Markii aan garaaddaha taariikhda kala guray illaa gogol-dhiggiinnii galabtaad is-wacateen taladana in lay galo Baarliin ku goyseen Ilaa gooshkan maanta ah hadimada i gaadhiyo waxaad geysateen baan gocashada xasuustee maxaan reer-Galbeedow godobkaa tirsanayaa? - HadraawiWaxba yaan lala tashan Soomaalida laakiin gumaystayaashu waxay iska soo hor mariyeen sahan ay ku ogaanayaan dhaqanka Soomaalida, meelaha ay ka jilicsan yihiin, baahidooda, meelaha ay isku khilaafsan yihiin iyo waxyaalaha midayn kara. Markii ay fahmeen goljilicdii umadda Soomaaliyeed ayey soo galeen. Gumaystayaashu waxa ay ka sinnaayeen in ay kala xadaan dadka. Waxay adeegsan jireen dad ay u madax-buuxiyaan oo badiyaaba ah kuwa bulshadu qaddariso sida oday-dhaqameedyo iyo culimaa’udiin. Waxa kale oo ay aad u adeegsan jireen farsamada loo yaqaan “qaybi oo xukun.” Oday-dhaqameedyada waxay dadku ku aamminsanaayeen dhinaca masaalixda adduunyo, halka culimada lagu aamminay masaalixdii dhinaca aakhiro. Arrintaas waa ay fahmeen gumaystayaashu, mana ay la hadli jirin cid ilaa ay iska horraysiiyaan culimo iyo odayaal. Taasi bilawgii iyo mar dambeba wax weyn ayey u sahashay gumaystayaasha. Hase ahaatee bulsho weynta marna kamay dhaadhicin inay gumaystayaashu maslaxo Soomaaliyeed iyo mid Islaam toona wadi karaan. Waatii uu Faarax Nuur lahaa isaga oo abhinaya odayaasha u dan qumminaya gumaystaha: Nimanyahow bal daya xaajada, lala aguugaayo Odayaashan loo yeedhay ee, la anfac siinaayo Asaxaabihii bayna yidhi, gaal ha aaminine Haddaad niman Islaamiyo tihiin, Aadan faraciisa Oo aydaan Ilaahay ka go’in, hayna oodina’e – Faarax Nuur Sidoo kale waxa culimadii leexatay la hadlay abwaanno badan, sida Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo yidhi: Awgii Siyaarada lahaa, selel hadduu qaaday Oo ay sahwiday culimadii, saxal-mariikhowday Saxariirka aakhiro hadday sax u ogaan wayday Saqiir iyo kabiir waxa la geyn, Saqara naareede Xaaji Aadan Afqalloocna waatii uu lahaa: Af-dalleela iyo baad shubtaan diin la iibsado. Dhinaca kale Muxumed Aw Cabdi Xaashi ayaa meel fog ka saadaalinayey cawaaqib xumada ka dhalan karta falalka gumaystaha. Waxa aan caad yari ka saarnayn haddii laba cadow ka tashadaan aayahaaga in aanay nasteexo ka soo socon. Wuxuu yidhi isaga oo ka qiiraysan markii xuduudka la samaynayey: Qoof weeye laba gaal hadday, talo qorsheeyaane Qoonsada halkaa waxa ku jira, qabar laxaad weyne – Muxumed Aw Cabdi Xaashi Waxa sidaa si la mid ah u hadlay Faarax Nuur oo la yaabbanaa siday shisheeyuhu isugu dirirsan yihiin kala qaybsiga dhulka Soomaalida iyo sida qaarkeen ugu kala beretamayaan u hawl-fududaynta cadowga, ayaga oo u xilanaya dheefo yaryar. Wuxuu yidhi: Ingiriis Axmaariyo Talyaani, wey akeekimiye Arligaa la kala boobayaa, nin u itaal roone Anse ila ah aakhiru sabaan, iligyadiisiiye – Faarax Nuur Dib aynu u yara noqonno ee, waxa judhii horeba bilaabmay kacdoono gumaysi-diid ah oo midabo diineed lahaa. Dhammaan gobolladii gumaystayaashu yimaaddeen waa lagula diriray. Waxaana loola diriray hab diini ah oo jihaad ku sifaysnaa. Wax iska caabbintii Jubbada Hoose, culimadii beesha Biyamaal, xertii Sheekh Axmed Gabyow (Wacdiyow), Daraawiishtii Sayidka, Kacdoonkii Sheekh Xasan Barsame iyo jihaadkii Sheekh Bashiir ee beryo dambe oogmay ayaa la xusi karaa. Laakiin dhammaan kacdoonadii diiniga ahaa ee umadda Soomaaliyeed ka dhex abaabulmay si xun ayaa loo burburiyey. Maxaa yeelay ujeedooyinka gumaysigu u yimid waxa ka mid ahaa in la curyaamiyo diinta Islaamka. Waxa beryahaas dardar ku socday qorshihii lagu burburinayey Khilaafadii Islaamka ee gabaabsiga sii ahayd. Qorshayaasha gumaystayaasha ee burburinta Islaamka waxa ka mid ahaa: 1. In aan la aqbalin adduunkana laga ilaaliyo nadaam meel ka jira oo shareecada Islaamka ku shaqeeya 2. In aan la aqbalin, adduunkana laga ilaaliyo ciidan leh hab-dhaqan iyo yoolal Islaami ah 3. In la kala qaybqaybiyo Muslimiinta oo inay midoobaan iska daaye lagu dadaalo sii qurbidda kuwa kala qaybsan 4. In dharabta lagu khaarajiyo cid kasta oo u dhaqdhaqaaqda soo-noolaynta Khilaafadii Islaamka, kuwaasi ha ahaadeen ashkhaas ama ururo ee. Qorshayaashaas oo jiray ayey wadaaddo Soomaaliyeed oo aan isku xidhnayni ka abaabuleen meelo badan dagaallo lagaga hortagayey gumaystayaasha. Dabadeed si arxan darro ah ayaa meel walba loogula dagaallamay, ilaa kacdoon walba la dhiciseeyey. Kacdoonka ugu cimriga dheeraa wuxu ahaa kii Daraawiishta ee uu hoggaaminayey Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo 25 sano socday. Isagiina si aan naxariis lahayn ayaa looga adkaaday, ayada oo loo adeegsaday dayaarado dagaal oo ah kuwii ugu horreeyey ee lagu duqeeyo meel Afrika ka mid ah. Malleeshiyaad Soomaali ah oo siyaabo kala geddisan lagu dagaal geliyey laakiin garab iyo gaashanba u ahaa gumaystayaasha, ayaa iyaguna dhabarka ka wareemay. Culimo iyo oday-dhaqameedyo gumaystuhu xannaanayn jiray ayaa iyaguna ka caawinayey dhinaca diyaacadda iyo sumcad dilka. Taas macneheedu ma aha in aan leeyahay Sayidka iyo Daraawiishtu waxay ahaayeen ceeb ka saliim aan khaladaad lahayn. Jabkaa Daraawiishta gaadhay, waxa ka horreeyey jab ruuxeed oo Soomaali oo dhan gaadhay. Soomaalidu waa ay is wada nacday waagaas. Arrintaasna waxa ka shaqeeyey gumaysteyaasha. Jabkii Sayidka badiyaaba lagama nixin, maxaa yeelay dadka waxa la gaadhsiiyay heer loo tusay in cadowgooda koowaad yahay nin Soomaali ah. Waxay dad badani nasteex u arkayeen gumaystayaashii. Laakiin markii Daraawiishtu jabtay ee la waayey wax Soomaali ah oo cadowga cabsi geliya, ayuu cadaadiskii ugu badnaa ku bilawday Soomaali oo dhan, xitaa kuwii la shaqayn jiray gumaysteyaasha. Kadeedkii waa la xammili waayey laakiin waxa wadno loo waayey laba arrimood oo kala ah: dagaal hub loo qaato iyo magac diineed oo lagula diriro gumaystayaashii iyaguba gaalaysiinta ka waday geyiga. Maxaa yeelay, waxa dhegaha dadka ka sii qaylinayey dhirbaaxooyinkii kul-kululaa ee kacdoomadii culimada ee kala danbeeyey gaadhay. Markaas waxa bilawday dhaqdhaqaaq gobannimo-doon ah oo ay badiyaaba horseed ka ahaayeen ardaydii uu gumaystuhu wax baray. Halbeegoodu wuxuu ahaa Soomaalinimo iyo xorriyad. Laakiin magac diineed kuma ay hawl-gelin, waxaanad mooddaa in ay fahmeen in aanu cadowgu u tudhi doonin haddii laga dareemo Islaam u-dirirnimo. Markii hore ash-khaas ayaa halganka astaan u ahaa, markii dambe se waxa samaysmay ururo gobannimo u-dirir ah oo la jaan qaadayey dabaylihii xorriyad doonka ee adduunka kale ka jiray. Dhaqdhaqaaqyadaasi waxay abuureen dareen xooggan oo qowmi ah, kuna salaysnaa in Soomaalida oo dhami xorowdo oo dawlad mid ah dhisato. Gumaystayaashu may rabin dareenkaa qoomiyadeed ee xoogaysanayey. Markaa waxay ka shaqeeyeen gumaysteyaashu sidii xorriyadda la dalbayo looga ilaalin lahaa Islaamiyiin iyo waddaniyiin dhab ah. Waxa si tartiib tartiib ah xilka loogu diyaariyey karraaniyaashii iyo waardiyeyaashii gumaystaha. Qaar ka mid ah indheer garadka Soomaaliyeed waa ay fahansanaayeen luggooyada meesha ka soo socota. Yuusuf Cismaan Keenadiid ayaa 1956 cabbiray sida xaalku ula muuqday. Wuxuu yidhi: Tafaraaruqa kuwaas inagu ridey, toodi suubsade’e Taws aan baxayn iyo bugtey, nagu tallaaleene Tubtii innaga leexshiyo jidkii, inagu toosnaaye Tashigiiba sida loo gafaan, weli tebaayaaye Towfiiq ma noqon wiilashii, taajka loo suraye Tacaddi aan yareyn baa ka dhacay, tey ku kacayeene Ninkii tira-yar maalkiisa waa, laga takooraaye Mareekaanka nagu taagan baa, taabey jahadiiye Amxaarana tahdiid iyo waxay, tiri naloo sheegye Cadowga soo tartamayiyo cabsida, loo tawaley ruuxa Laye tamashle uun bey hayaan, tiilka madaxdiiye Dawladnimo tabtaa lagu dhaqaa, tacaddi sow maaha. – Cismaan Yuusuf Keenadiid Aakhirkii waxa si nasiib ah xorriyad loo siiyey gobolladii Ingiriisku gumaysan jiray iyo kuwii Talyaanigu gumaysan jiray. Si halhaleel ah ayey u midoobeen, uguna hawlgaleen sidii loo heli lahaa shanta Soomaaliyeed oo wada xorooba, dabadeedna midooba. Isla wakhtiyadaas waxa bilawday dadaallo caalami ah oo lagu beenaynayo riyada Soomaali Weyn ilaa aakhirkii lagu guulaystay in xitaa qaybihii nasiibka ku xoroobay loo celiyo qabaa’il is neceb oo cadowgooda koowaad u yaqaanna nin Soomaali ah. Fashilka ugu weyn ee ku yimid gobannimadii la helay, waa ayada oo u gacan-gashay dadkii uu soo tabobartay gumaystuhu oo siyaasadda ka yaqaannay sida loo maamulo ummad la gumaysanayo. Farxaddii iyo raynrayntii lagu soo dhaweeyey xorriyadda, markiiba way gaagaxday. Waxa taas sida qorraxda u caddaynaya suugaantii la tiriyey sannadadii ka dambeeyey 1960kii. Bal u fiirso Guhaad Cabdi-Gahayr oo markiiba fahmay in aan meesha xorriyad la heline, ay is bedeleen uun nin cad iyo nin madow, laakiin fikirka iyo dhaqanku isku midkii uun yahay weli: Good iyo abees bays bedelay, garanna maysaane Goraygii ilmii buu ka tegay, guumiska ahaaye Gocondhooyin baa aasan iyo, mid gabaarrey Karal kaama guurine halkanuu guud madow yahay. – Guhaad Cabdi-Gahayr, 1960 Waxa sidaas si la mid ah u cabbiray Abwaan Qaasim oo isagu markii hore u damaashaaday xorriyad la-mooddii la helay. Wuxuu yidhi: Dambi ku hadli maayee ma arag, dawladdaan rabaye Isma doorin gaalkaan diriyo, daarta kii galaye Dusha midabka Soomaali baad, dugulka moodaaye Misna laguma diirsade qalbigu, waa dirkii Karal e Meeshaan dad aan urursho iyo, darar ka eegaynay Iyaba waa darxumo ii hor lehe, dacar miyaan leefay? Ma darraato raadkaan dhigaan, dib ugu soo laabtay? Sidii aan dayaysnahay miyaan, dawgii ka habaabay? – Axmed Ismaadil Diiriye (Qaasim) Cabdillaahi Suldaan Timacadde ayaa isaguna saadaal ka bixiyey dhibta kasoo socota kusii-xidhnaanta iyo jaal la-noqoshada gumaystayaasha isaga oo caddeeyey in aanay wax horumar ah la rabin dadka Afrikaanka ah. Wuxuu yidhi: Geesiga madow uma ogola, guusha reer-Yurube Geerida Lamuumbaa wadnuhu, noo gig leeyahaye Geyigiisa goortuu qabtee, gees isugu leexshay Iga guura galabtuu yidhaa, geeddan loo xidhaye Godka waxa u qoday Haamarshool1, waa gedduu rabaye Maantaba hadday gawraceen, way gam’ahayaane Meeshuu galaba doollaarku waa, uu gembiyayaaye Ninkii dunida kala gaabiyaa, garabsanaysaane Raggan gacanta haystoow wallee, saad-dambaad garane Qudheennani intaynaan geb odhan, yeyna kala gaadha Haddii kale se goor aan fogayn, gawda bal aan eegno – Cabdillaahi Suldaan Timacadde, 1961 Maxamed Nuur-Laangadhe oo ah abwaanka tiriyey geerarka la magac baxay Maxaa Iiga Gidhiisha, ayaa isaguna ka cabanaya sida uu ugu hungoobay calanka la belay. Wuxuu yidhi: Calanyahow dhib baa igaga timi dhalashadaadiiye Dheef baa lagaa eegayee, dhiig sidaad tahaye. – Maxamed Nuur-Laangadhe, 1963
- Hamarshool: Waa Dag Hammarskjold ahaa nin Iswiidhish ah oo xukumayey UN-ka (Qaramada Midoobey) min 1953 ilaa markii la khaarajiyey oo ahayd 1961. Wuxuu Timacadde qabaa in uu lug ku lahaa dilkii foosha xumaa ee Batriis Lumumba.
- Cadhoole: Waa Cabdiraxmaan Cadhoole oo kamid ahaa halgamayaashii aqoonyahanka ahaa ee loo unuun-jaray gobannimo doonka, gaar ahaan dhinaca Jabuuti. Si naxariis darro ah oo cadaawad miidhan ah ayey gumaysiga Faransiisku u dileen Cabdiraxmaan Cadhoole. Arrintaasi waxay ku reebtay shacabka reer-Jabuuti uur-kutaallo iyo halgan adag oo ay u sii galaan xorriyaddooda. Fiiri qormada Cabdalla Xaaji ee halgankii Jabuuti.
MAXAA IIGA GIDHIISH AH Maxamed Nuur-Laangadhe Gabaygan waxaa la tiriyey 1943kii oo ahayd markii uu gebagebada ku dhawaa dagaalkii labaad ee dunida. Gumaystihii Ingiriiska waxaa muhiim u ahaa sumcadda iyo magac-wanaagga. Wuxuu dagaallo lagu hoobto u geli jiray si ay uga haybadeystaan umadaha uu gumaystaa. Soomaalida dhexdeeda haddii uu ka maqlo cid ka faafisay wax sumcad dil ah, wuxuu kula kici jiray xadhig, dagaal ama inuu abaabulo wax buriya ceebta laga sheegay. Tusaaleyaal badan ayaa lasoo qaadan karaa. Waxaaba ah mid ah oo aan la illoobi karin wixii Cabdi-Gahayr ka raacay gabaygii Qoorriga Suweys ee uu xaaskiisa ugu caqli-celinayey. Dhinaca kale si weyn ayuu uga faa’iidaysan jiray dadka aftahanka ah iyo kuwa magaca ama meeqaanka leh si ay u hormariyaan ujeeddooyinkiisa oo sumcad-dhisku kamid yahay. Abwaannada Soomaaliyeed wuxuu ku dhiirrigelin jiray maal iyo maamuusba si ay isaga u ammaanaan, cadowgiisana u sumcad dilaan. Taasi marar badan ayey u hirgashay. Laakiin markii ay soo gaadhay abwaanka kor ku xusan, waa ay dhicisowday kaartadii Ingiriisku. Ingiriisku wuxuu ka codsaday abwaanka iyo abwaanno kaleba inay ka gabyaan guulihii ay Ingiriiska iyo xulafadiisu kasoo hooyeen dagaalkii labaad ee adduunka, ayaga oo guulihii Ingiriiska iyo jabkii Jarmalka ku qoraya far waaweyn dabcan. Abwaannada waxaa loogu abaal-gudayey go’yaal baahi weyn loo qabay berigaas, maadaama adduunka bad xidhan ka dhacay. Abwaan Maxamed Nuur-Laangadhe oo ahaa nin waddani ah oo iimaan qaba, arrintaasi way cuntami wayday. Waxaanu go’aansaday inuu madasha ka gabyo laakiin gabaygiisu noqdo mid ku liddi ah wixii laga rabay, isla markaana ka turjumaya iimaankiisa iyo aragtidiisa dhabta ah. Idaacadda Raadiyow Hargeysa oo markaas cusbayd, wax kastana si toos ah ayaa looga sii deyn jiray. Markaas ayuu soo fadhiistay abwaanku. Wuxuu ka hadlayo lama sii ogeyn waxaase la filayey ammaantii guusha Ingiriiska. Wuxuu yidhi: Mar haddaan gurigayga gidhligaanka* gariiriyo Garnayl* loola tagayni Iglan* baa gubanaysa Maxaa iiga gidhiisha Gudaha ceelka Hargeysa* Weligay gees uma dhaafin e Bal maxaan laba gaal oo Abtirsiimo gudboon Midkood guusha u siin Midna aan u gumeyn Maxaa iiga gidhiisha? Gudaha ceelka Hargeysa Waligay gees uma dhaafin e Inta aan wax gasiintiyo Intaan gaajo ku seexday Hadii aan isu geeyo Mala waa isku gow e Maxaa iiga gidhiish ah? Mar haddaan ka gabyay Go’aygiina ka qaatay Maxaa iiga gidhiisha? *Gildhigaan: bunduq ama qori ka mid ahaa hubkii waagaas la isticmaali jiray *Garnayl: waa hub gacanta laga tuuro oo qarax weyn, qasaare badanna dhalin kara. *Iglan: dalka Ingiriiska *Hargeysa: Magaalo madaxda Somaliland, isla markaana ah magaalada labaad ee ugu weyn uguna dadka badan magaalooyinka Soomaalidu degto, qarnigan. Waxa hore loo odhan jiray Herer. RAQDII SHEEKH BASHIIR Xaaji Aadan Afqallooc, 1948 Gabaygan waxaa tiriyey Alle ha u-naxariistee Xaaji Aadan Axmed Xasan oo ku magac-dheeraa Xaaji Aadan Afqallooc. Xaajigu wuxuu ahaa halgamaa, aqoonyahan, caalin diimeed iyo gabyaa. Ilaahay waxaa uu ku mannaystay cimri dheer. Dawladdii Cismaaniyiinta ayuu xilal kasoo qabtay, gaar ahaan faraceedii Yemen. Dawladda Cismaaniyiintuna waxay burburtay 1924. Wuxuu meelo badan kula soo diriray gumaysigii Ingiriiska, gaar ahaan Falastiin iyo Suudaan. Asaga oo nin weyn ah ayuu dalka dib ugu soo laabtay. Markaa wuxuu bilaabay olole wacyi-gelin ah oo ka dhan ah gumaystayaasha ku habsaday geyiga Soomaaliyeed, gaar ahaan Ingiriiska. Haddaba xaajiga oo aan ka yarayn 80 jir wuxuu usoo taagnaa dilkii Sheekh Bashiir loo geystay iyo sidii arxan darrada ahaa ee Ingiriisku ula dhaqmay iyo sidii damiir la’aanta ahaa ee dadkii Soomaaliyeed uga dhiidhiyi waayeen. Markaa waxaa uu tiriyey gabaygan la magac-baxay Raqdii Sheekh Bashiir. Wuxuu yidhi Xaaji Aadan: Duhur baa Bashiir* lagu shannaqay*, daar agtiina ahe, Damal* la hadh galaabay jabsheen waqay* dulloobaane Dahriga iyo laabtay rasaas, kaga daloolsheene Isaga oo dem* iyo dhiig leh, oo maro ku duu-duuban, Dadkii uu nebcaa iyo kufri baa, daawasho u yimide Dacsad* iyo ihaaniyo cag baa, loogu sii daraye. Meydkiisa daahiran markii, debedda loo jiiday, Ee aaska loo diiday, waa wada dul joogteene. Ma damqane jidhkiinii markaa, waa ku digateene Nasab haddaad durriyaddii* tihiin kama dareerteene Ma duugoobin Qaybdiid* lafuhu, waanay duxayaane Duur* looma jabin geesigii, dirirta waallaaye Wax badan oo ciyaar lagu diliyo, dawgal baa jiraye, Oo aan deero deero u hirdiyin, sida digaaggiiye Isaga oo dulmiga aad qabtaan dood ka celinaaya Da’dii uu ahaa Faarax* baa jeelka loo diraye Immakuu siduu dayro yahay, debedda meeraaye Loo diid durriyadduu dhaliyo, duunyaduu dhaqaye Gobanimo duqii Cali Bahdoon*, doonisteed dhimaye Tilifoonna* waakii dawakhay, doorkii uu yimide Dacwad iyo wuxuu hadal yiqiin, idinka daw waaye Wax badan baa karbaash lagu dirqiyey, duq iyo wiilkiine Nin gadhkii camuud loo daroo, dabada loo xayday Oo ulo dubka iyo jiidhka suga, lagu dalliigaayo Oo kuman dadkiisii ahaa, daawasho ujoogo Oo aan la diidine farxaan, lagu dareeraayo Waa dabac idiin gooniyoon, duulla waafiqine Afdalleela iyo baad shubtaan, diin la iibsado’e Bahal cadarku dilayaa jiroo, digo shifaysaaye Idinkana daliilkiyo wacdigu, waydin didiyaane Dulli inaad tihiin buu hubsaday, diinta caasiyaye Dahab buu ku iibshaa dhulkaad, dir u lahaydeene Hore haddaad u dirirtaan haddaan, nin idin daareene Doqonnimadiinii horay, darafku haysaaye Dambarsada haddaa xaabadii, laysu soo degaye Ummaddaan xorriyad doonan ee, daafac noqon wayda Dadku inuu addoonsado horaa, loogu daabacaye Dabka naarta fulahaa wax gala, ugu dambaab weyne Dunjiga Aadan ubadkuu dhalaad, ugu dambaysane Wixii aad ku dacafteen, qalbigu saw iskama daayo Dib maxaa idiin celinayoo, hore idiin diiday Mar uun maad ku dayataan khalqiga, libinta doonaaya Dabka qaaday sharaqii* wax badan, daamishka* ahaaye Turki inuu Bulgaariya daguu, duunka ku hayaaye Dardaniil* ka xidhey Ruushankay, deris ahaayeene Wax badan buu dariiq inu ka helo, doonay Malatoofe* Ka duuduubey Faransiis, dhulkii Suuriyuu degaye Dergedihii Lubnaan iyo ka guur, degelkii Beyruude. Deeq kama ahaanine bir baa, daanka loo sudhaye Dejla iyo Furaat Ferenjigii, kama dekeeyaane Dahraan iyo ka kece ceelashay, wada degmaysteene Dirir iyo jihaad Maxamed Rida*, uga dambaysiiye Wuxuu Faysal* taarka ugu diray, daawo iyo jaare Ingiriis wuxuu damacsanaa reer Hindiya diidye, Daarihii Bunjaab* iyo ka kace, dahabkii hoos yiile, Daymada hadeer bay indhuhu, dib u jalleecaane Damaashaadku waa Maxamed Cali,* loo dabbaal degaye Masarna waa horaa laga diriyo, dawgii qoorriga e Iskandariya kama soo degaan, ducuflihii gaale Dakhiirad iyo saabaan wixii, dirirta loo keenay Faaruuq* u dacaree inay, dabar ka qaataane Dadoo idili soo eri ninkii, daallinka ahaaye. Dayaarado wax lagu soo guriyo, May* wax lagu doono Daad xoorta oo idil halkaanaa lala damcaayaaye Dekedaha maraakiib shixnadan, baa ka soo degiye, Waa dooyo nimankaa u kacay, Dig iyo Ceeldhaabe Dable dhagaxa uu doonayaa, waa dusmiyo xeele Danta iyo qasdigu waa horseed, laga dambeeyaaye Dabayshiyo ayaxu waa dhunkaal, laysku dagayaaye Wax daliil ah maabkuu* diruu, soo duwaay yidhiye Dawlaabta* boqol fayl ka badan, daafta waxa yaalle Inay duuddu dacar yeelatuu, doonayoo helaye Wax dawanan dariiqiyo halkay, Debec* ku fooftaaye Daliig cawsa meel aan qornayn, deelka laga waaye Dacasha* iyo xaynbooradaa*, buug ku daabacane Dabin baa sitaar looga dhigay, man* iyo doomaare* Daaqiyo biyaha waxa la xidhan, eegga dabadeede Halka daawad* xeradeedu tahay, gaaladaa degiye Dad-guuraagu goortuu madhaa, dabar-go’aysaane Nin dayuurad iyo moodhar laa, beer idiin dirane Durgufkiina soo hadhay, waxaan doonayuu garane. Wax badan baan damiin dhega la’aa, daasaddaw tumaye Amba nimay indhuhu ay damyiin, day waxaa idhiye Caammiye nin daadihinayuu, diidayaan ahaye Dab-baan mooday gaaraabidhaan*, dayrnadii hore’e Dacar iyo Unuun baan macaan, ugu dudaayaaye Doofaar ilkihii baan u filay, Dur iyo Yaaquude Dambas iyo ramaad baan intaa, naar ka deyayaaye Dawliilka waxad shaabahdaan, dad iyo iinsaane Balse waxaydun daawa u tihiin, habar dugaagiiye Hadba kii idiin soo digaa, dabin u qooshaane Dafdafiyo kulayl waxan la imid, dacastay laabtiiye Idinkiyo dinnaduhuba horaw, damac xumaateene Midna darajo kuma haysataan, labada daaroode Gobanimo dalleel lagama helo, daar adoo gala’e Haddaad doono leedahay naftaa, diiq la geliyaaye Waa mur iyo deebaaq waxaad, dib ugu aydaane Marse haddaan waxaan doonayiyo, dawladnimo waayey Dantay weeye inan aamusaa, eegga dabadeede Dulligaa ku jira noloshu waa, idinku deelqaafe. *BASHIIR: Waa Sheekh Bashiir Yuusuf. Wuxuu ahaa Sheekh geesi ah oo cilmiga diinta fahmay. Wuxuu ka dhiidhiyey gumaysigii shisheeyuhu ku hayey umadda Soomaaliyeed. Waxaase garabkiis ka baxay kuwii u hiilin lahaa. Xitaa culimadii ayaa la fahmi wayday oo u arkay in isku maqiiqaya wax aan tamar loo hayn, waxaanay u soo jeediyeen in diinka lagu akhriyo oo Alle la baryo uun. Laakiin wuxuu ku tusaaleeyey in aanay kala hadhahayn “ficilka” iyo diinta oo la akhriyaa. Aakhirkii Ingiriisku waxay dileen Sheekh Bashiir 1947, ayaga oo diiday in la aaso. Sheekh Bashiir maanta waa la wada yaqaan, waana loo duceeyaa, tafiirtiisiina waxaa lagu xushmeeyaa isaga dartii. Kuwii garabkiisa ka baxayna waa ay dhinteen sidiisa oo kale laakiin ayagu waxay ku abaadeen qashin-qubka taariikhda. Ninkii la odhan jiray Caydiid Lafcanbe oo cabbiray murugada uu ka qaaday dilka Sheekh Bashiir wuxuu yidhi: Rakiig baan noqdaa bari markuu, ruux kasoo galo’e Halkaad igu ruxaysaan qalbiga, waan kasoo raraye Nin raqdii Bashiir ogi Togdheer, uma riyaaqeene *SHANNAQAY: Shannaq waa erey af-Carabi ah oo macnihiisu yahay dil deldelaad ah. *DAMAL: Waa geedka weyn ee hadhka badan ee lagu nasto hooskiisa *WAQAY DULLOOBAANE: Ha dulloobeen, Alle ha dulleeyo ee. *DEM: Waa erey af-Carabi ah oo macnihiisu yahay dhiig. *DACSAD: Gacanta hoosteeda. *DURRIYAD: Dad wanaagsan, dadkii kasoo farcamay dadka wanaagsan, Aalu-Beyd *QAYBDIID: Waa qaybdiid Xirsi Guuleed oo kamid ahaa halgamayaashii hoggaaminayey jihaadkii Sheekh Bashiir. Ingiriiska ayaa dilay. *DUUR: Waa geed bur ah oo wada ulo ah oo ulihiisa laga sameeyo aloolka iyo wixi la mida. *FAARAX: Waa Faarax Oomaar. *CALI BAHDOON: Wuxuu ahaa halgamaa u tafo-xatay gobannimada dadka reer-Jabuuti. *TILIFOON: Waa Jaamac-Tilifoon oo ahaa nin qurbaawi ah oo u doodi jiray xuquuqda dadka Soomaaliyeed u leeyihiin inay ka xoroobaan gumaysiga. *SHARAQ: Waa reer-Bari. *DAAMISH: Degemsan, hurda. *DARDANIIL: Waa marin-biyood u dhexeeya Ruushka iyo Turkiga. *MALATOOF: Malatov, waa wasiirkii arrimaha debedda Midowgii Soofiyeeti ee xilligaas. *MAXAMED RIDAA: Waa boqorkii Eeraan ee wakhtigaas. *FAYSAL: Waa boqor Faysalkii labad ee Ciraaq. *BUNJAAB: Waa gobol kamid ah dhulka Hindiya. *MAXAMED CALI: Waa Maxamed Cali Jina, aasaasihii dalka Baakistaan. *FAARUUQ: *MAYL: Waa markabka. *Maabka la duway waa xuduudda kala qoqobta dhulka Soomaalida, gaar ahaan tan kala qaybisa Soomaali Galbeed iyo Soomaalida kale. *DAWLAABTA: Khaanad, armaajo, kabadh, meesha lagu xareeyo dhukumentiga ama alaabooyinka kaleba. *DEBEC: Waa hal magaceed oo loola jeedo geel. *DACAL: Waa sumad xoolaha lagu calaamadiyo oo ah dhegta oo hoosta laga kala jeexo. *Xaynbooro: Waa summad geela lagu calaamadiyo oo lagaga dhigo cududa ama garabka. *Man: Waa ubaxa dhirtu bixiso marka roobku helo kadib. *Doomaar: Caws. *Daawad: Waa hal magaceed oo loola jeedo geela oo dhan. *Gaaraabidhaan: Waa xasharaad aan dukhsiga ka weynayn oo marka uu habeenkii duulayo, bixiya iftiin big-wac ah. SULDAD XABASHIYEED (Ma-Hadho) Xaaji Aadan Afqallooc Gabaygan waxaa tiriyey Xaaji Aadan Afqallooc oo ahaa sheekh caalim ah, gabyaa xeeldheer, halgamaa iyo waddani aan isaga oo kale la arag. Wuxuu kaga hadlayaa dhaxal-wareeggii Soomaalida kasoo gaadhay dhulkii taariikhiga ahaa ee Soomaali Galbeed. Dhaxal-wareeggaasi wuxuu ahaa marxalado kala duwan. Mar walbana waxaa gumaysiga Xabashida ku ladhnaa Soomaali. Dhaxal-wareeggaas dhulka Soomaalidu, kumuu hirgelin si ciyaar ah ee waxaa wehelinayey dhiig-bax, xasuuq iyo cadaab adduunyo oo loo geystay dadka. Xaaji Aadan wuxuu gabaygan uga danlahaa sugitaanka taariikhdaas xanuunka badan, si ciddii awood u yeelataa ugu xisaabtanto mustaqbalka. Waxyaalaha uu abwaanku xusayo waxaa kamid ah: xasuuqii culimadii Harar, xasuuqii Dhagaxbuur, xasuuqii reer-Ashica, xasuuqii Awaare Afdam iyo xasuuqii Leegada ee Jigjiga. Wuxuu yidhi: Qarnigii siddeed-iyo-tobnaad, sanac xumaantiisa Siddeetan iyo dhawr sano, waqtiga saaka laga joogo Oo uu saancaddii qarab* arliga, sabab la’aan boobay Oo idinka idin siiyay*, qaar aradka Soomaali Sodcaalka uu Jermaaniya ku tegey, saaxirkii Menelik* Afriiqiya* sidii loo dhacaad, sabab ahaydeene Midow oo dhan waxaad siisateen, sooryo maalin ehe Sirtaa naga gasheen baa aheyd, sun iyo waabay ee Sina uma qaddarin midabka iyo, soohdin iyo jaar ee Gumeystaha dadkaan ula sinneeyn, soo degoo yimide Wax saayid ah addoonsiga madoow, kugu sameeyaaye Xaqqana lagama seexdoo nin lihi waw sid tiriyaaye Kolkay soo martaa buu wuxuu, sugayay doontaaye Samir iyo Allow maleh sidaad, noola dhaqanteene Waa ma hadho saanqaadka kora, lala sugaayaaye Dhiig saafiyaa loogu qoray, saan biciid adage Duq kastaaba sabiguu dhaluu, saa ogow yidhiye Gartayadu xuduud kuma sinna iyo, soohdin iyo jaare Waa saamigaad qaadateen, sabankii Baarliine Sakarashada iyo quudha iyo dilkuba, saamaxaad malahe Isticmaarku waa kala sifee, kiinu waa suruqe Sahyuuniga iyo Suud Afrika*, iyo saaqidka Ismiidh ah Saddexdoo israacay baan faleen, waxaad samayseene Seeddi iyo abti iyo waalidiyo, sowjad iyo hooyo Kala soocde qoys keli ah oo, seeda wada yaalle Suldaan amar leh sheekh saahid ah, iyo seen caddaa odey ah Soddonku ninuu u buuxiyo, haween sida carruurtooda Sirqo habar ah inan seerateyiyo, kuwo sagaal jooga Ayagoon saxarna dhimin baad, dhammaan sibiq u leyseen Sarrafyidhi Amxaar jamac dhan, oo wada sujuudaaya Saqiirka iyo umulahaad disheen, malaha soo qaade Kun baa subax disheen aamin ah, oo seexdey oo kacay Saddex boqol ka badan culimadii, suuqa Harar tiille Iyaga oo salaad jamac galaad, seefku mariseene Saqda laylka dhaxe waxaad gasheen soolkii Dhagax-buur e Samada iyo dhulkaba ciidankii, riday sawaariiqda Kama seydhin ruux keliya oo, joogay subaxaase Sujaacdii Awaare afdam ee sida xun loo laayay Saxariiradii naagahaan, weli sasayaaye Saqiir iyo kabiir reer Ashaco, oo nabad kusoo hoyday Sardhaday galeen baad qumbulad, sun ah ku tuurteen ee Surimada Jigjiga Leegadii sida xun loo laayay Surkaad wada jarteen wiilashii, timaha soohnaaye Saqajaanka beesha iyo guryaha, socod xumaantiina Nin sidaa ku dhaqanteen ogaa, waa siqsiqiyaaye Suldad Xabashiyeed nimay heshaa, waa sac kuu taliye San ku neefle aad is shaabahdaan, baan dunida saameeyne Saxi maayo axad sheeg is yidhi, sidaad sameyseen *Qarab: Waa erey af-Carabi ah oo la macno ah reer-Galbeed. *Cidda dhulka Soomaalida la siiyey ee halkan lagu xusayaa waa Xabashida *Menelik: Waa boqorkii Xabashida u talin jiray min 1889 illaa 1913. Waxaa lagu xasuustaa qabsashadii Harar, kaniisad u rogiddii Masaajid-Jaamaca Harar iyo warqaddii uu u diray reer-Yurub ee ahayd inuu yahay jasiirad Kiristaan ah oo ku dhex jirta bad Muslin ah. Waxaa lagu ammaanaa boqorkii boqorrada Itoobiya iyo mideeyihii. *Afriiqiya: Afrika oo af-Carabi ahaan loogu dhawaaqay. *Suud Afrika: Waa Koonfur Afrika oo af-Ingiriisi ahaan loogu dhawaaqay. Waxaa berigaas ka jiri jiray xukun midabtakoora oo gumaysi ah oo dad yar oo caddaan ahi ay si xun u cabiidsan jireen dadka madow ee Afrikaanka ah ee dalka iska leh. GUUBAABADII YUUSUF XAAJI AADAN QABILLE Yuusuf Xaaji Aadan Qabille, wuxuu ahaa aqoonyahan, suugaanyahan, halgamaa iyo indheergarad. Waxaa aad loogu xasuustaa dhinaca tacliinta oo waaba shakhsiga labaad ee waxbarashada dhinaca iskuullada lagu xasuusto. Dabcan qofkii koowaad wuxuu ahaa Maxamuud Axmed Cali oo macallinkiisa ahaa.* Labadoodaba dhibaato ayaa kasoo gaadhay halgankoodii ay u galeen sidii dadku wax u baran lahaa. Sidaa darteed ayaa loogu kala magacaabaa aabbihii koowaad ee waxbarashada iyo aabbihii labaad ee waxbarashada. Yacnii Yuusuf Xaaji Aadan wuxuu ahaa aabbihii labaad ee tacliinta iskuullada Soomaaliyeed. Halgankii iyo dhibaatooyinkii uu arrinkaas u maray waxaan akhristayaasha kula talinayaa inay ugu noqdaan buugga ay qortay Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ee ay ugu magac-dartay, “Geeddi-Nololeedkii Yusuf X. Aadam.” Laakiin waxaan halkan idinku dhadhansiinayaa halgankii dhinaca gobannimo-doonka ee uu suugaanta u adeegsaday wax kamid ah. *Qoraaga Maxamed Baashe Xaaji Xasan wuxuu igu biiriyey in Maxamuud Axmed Cali iyo Yuusuf Xaaji Aadan ay caan ka ahaayeen gobolladii Ingiriisku gumaysanayey xagga waxbarashada laakiin dhinacii Talyaaniga waxaa ka jiray aabbo tacliineed oo kale oo lagu magacaabi jiray Aw Jaamac. Dagaal Nimuu Haysto Meel Halisa Yuusuf Xaaji Aadan, 1948 Hadhuub nin sitoo, hashiisa irmaan Ha maalin la leeyahaan ahay Nin hawd degayoo, harraad ku diloo Biyaha laga heegayaan ahay Habaas nin dhex jiifa oo ku haftoo Hayaankii kasoo hadhaan ahay Dagaal nimuu haysto meel halisoo Hubkiisu hangool yahaan ahay Wixii ku habboon nin haabanayoo Bahdii ka horjoogsataan ahay Nimaan hadalkiisu hadh-qooflaalkiyo Haweenkaba dhaafin baan ahay. Hub Samayso Soomaaliyeey Yuusuf Xaaji Aadan, 1949 Ingiriis Hargeysuu degiyo, hilinnadeediiye Wax Talyaani weli haybiyaa, hoosadii Xamare Faransiis Jabuutuu hurdaa, idinku hiifaaye Wax Maraykan hawdka u maraa, waa horseed yimiye Waakaas dhulkeenii hantiyey, hooliflow Xabashe Hub samayso Soomaaliyeey, lagu hareereeye. Gobannimo Intay Laalantahay Yuusuf Xaaji AAdan, 1953 Inta uu gumaystuhu arlada, gebagabaynaayo Gaaladu intay ii fadhido, guriga coonkiisa Intay gibili weli saarantahay, aniga guudkayga Gobanimo intay laalantahay, gebi ahaanteedba Intay guushu ii muuqatee, labantay gacantu Ee goonyaha Jabuutiyo Wajeer, la iga goobaayo Inta gaadhku igu meersanyahay, gumucna lay haysto Gasiinkiyo anfaaciguba way, goha dhunkaaleede Ninkay gaajo haysoow aduu, gorofku kuu yaalle. WAAN IRDHAYS-NAHAY Gabaygii Fiinta Cali Xuseen Xirsi, 1954 Gabayada xusuusta gaarka ah leh ee Cali Xuseen Xirsi tiriyey waxaa kamid ah gabayga Fiin oo sida ka muuqata uu tiriyey sanadkii 1954kii markii la dhaxal wareejiyey dhulka Soomaali Galbeed. Gabayaagu wuxuu gabaygiisan ku waraysanayaa shimbirta loo yaqaanno fiinta oo uu arkay iyada oo aad u ooyaysa. Gabayaagu gabaygiisa wuxuu ku caddaynayaa in shimbirtani ka ooyeyso dalkeedan la dhaxal wareejiyey halka qaar kamid ah dadkiisii ay weli ku mashquulsan yihiin qabyaalad iyo qolo qolo, waxaanu yiri: Fiin yahay adaa ololayoo, oohin ciirsadaye Haddii aan laguu imanin waad, aammusi lahayde Maxaad aragtay waan kula qabaa, uur-ku-taallada’e? Waxay tidhi, “Ilaahay haddaad, aad u garanayso Oo aad Islaam tahay i daa, waan irdhaysnahaye.” Waxaan idhi “Qofkii i abhiyaa, wuu ammaan heliye Ashahaadda iyo waan aqaan, aayadii Nebiye Hayeeshee ilmada kaa dhacdiyo, umalka guudkaaga In yar iiga sheeg waxaan rabaa, inan ogaadaaye.” Waxay tidhi, “Inkaar buu ku go1ay, odagi Soomaale Awlaaddi uu dhalayna waa, sida adoogoode Hadday ul iyo diirkeed yihiin, rag iska eegaaya Afrikadan ma joogeen nimaan, aabbe ku lahayne Ayax kuma dhaleen kaymihii, ubaxa weynaaye Anna aydii aan joogi jirey, kama abraareene.” Waxaan idhi, “Irdii nalaga qaad, aad ahaan jiraye Waataa la kala iibsadaan, nala ogeysiine Ooddaaba laga goynayaa, Idhankii Laasoode Meeshaad ilmaa dhigan lahayd, uun kalaa degaye.” Waxay tidhi, “Dhulyahow eheledaa, ma laha iimaane Ilaaleeyey oo dunida waa, ugu il liitaane Iyagaa ableyda isu sida iyo eebo xoog badane Intey Ayro kala qaadayaan, aarsan mahayaane.” Waxay tidhi, “Ilaahay hadduu, duul arrin u diido Oo uu Ibleys gebi ka rido, sooma ururaane Qalbigii engegey waanaduu, orod ku dhaafaaye Goormaa inkaartani heshey ee, lagu alhuumeeyey?” Waxaan idhi, “Arbiyo laguma oga, geesi aynaba’e Iniinaha kelyaha iyo wadnaha, iini kaga taalle Aanada tolkood bawga roon, uumiyaa kale’e Maxaan ararta kaga daalayaa, edeg na loo gooye.” TAA MIYAAN LA ARKAYN? Cali Xuseen Xirsi Abwaan Cali Xuseen Xirsi oo ahaa shakhsi ka dhex muuqday gobannimo u-dirirkii umadda Soomaaliyeed, waxaa dhib weyn ku hayey dadkan uu xorriyaddooda iyo xuquuqdooda u dagaallamayo ee haddana cadowga u dhuun-daloola. Waxaa badanaa dadka gumaystaha u adeegi jiray, waxaa jiray qaar u basaasi jiray, waxaa jiray qaar u shaqayn jiray, waxaa jiray kuwo u arkayey gobonnimo-doonka qaar jar-iska-xoor ah. Haddaba waxaa lasoo wariyey in maalin ay kulmeen odayaal gumaystaha wax la cuni jiray iyo madaxdii ururkii Leegada ee gobannimo u-dirirka ahaa. Markaas ayuu shirkii ka tiriyey maansadan yar ee uu ku hoga- tusaalaynayey odayaashaas Soomaalida ah ee haddana cadowga la saaxiibka ah. Wuxuu yidhi Cali Xuseen Xirsi: Akhyaartaas i maqlaysiyo Odayaasha tan joogoow Sida awr hayinoowbay Oo alaabtii qubi waayey Umaddaa la raraayo Ee usha loogu daraayo Ma waydaan arkahaynin? Webiyaashan Asayliyo* Jannaala kan agteenna Siduu abeeso dilaayo, ragguu laayey Abeelle* ee la dhacaayey Alwaaxa ee Afka dhiiggu da’aayiyo agoontii yaryaraydee aabbihii korinaayey uu ka gooyey unuunka Miyaan taa la arkaynin? Hableheennii ugbaa iyo Ooryihii aad qabteenee Markii ay umuleen Laga tuuray ilmaayee Lagu abuur-falanaayey Taa miyaan la arkayn? *Asayle: Waa Kelli Asayle oo ah gacan-biyood biyaha webiga lagu gaadhsiinayey meelo fogfog si beeralaydii Talyaaniga iyo mashaariicdii beeraha ee Talyaaniga biyo loogu helo. Wuxuu ku yaal meel u dhow Qoryoolay. Waxaa si qasab ah loogu qodi jiray dadka Soomaalida ah, ayada oo la jidh-dili jiray, la gaajaysiin jiray oo si daran loo ciqaabi jiray. Waxaa la sheegay in muddo yar ay ku xasuuqmeen 26000 oo Soomaalidii lagu shaqaysanayey ah. Dhimashada faraha badan ee ku imanaysay dadkii lagu qodayey gacankaas ayaa sababay in loo bixiyo Asayle ama Kelli-Asayle. Maxaa yeelay dumar badan oo raggooda lagu shaqaysanayey ayaa qaaday asay. Fiiri Dktr. Saadiq Enow “Dhalashadii iyo Dhabarjabkii Soomaali Weyn 4.” *Abeelle: Waa magac nin Talyaani ahaa oo gumayste ahaa.
MAANYARIDU SOOMAALI WAA Yuusuf Cismaan Keenadiid Gabaygan waxaa tiriyey abwaankii waynaa ee Yuusuf Cismaan Keenadiid. Taariikhdu waa dabayaaqadii 1950naadkii. Geyiga Soomaaliyeed oo dhan waxaa gumaysanayey quruumo kale. Dhaqdhaqaaqyadii gobannimo u-dirirka ahaana waa la dhexgalay oo waxaa ku milmay qaar dabadhilifyo ah oo gumaystayaasha gacan-saar la lahaa. Kuwaas ayaanay markiiba gumaystayaashu kor usoo qaadeen si ay ugu sii dhiibtaan xorriyad ku meelgaadh ah oo ay lasoo noqon karaan markii ay doonaan. Haddaba cadaawaha umadda Soomaaliyeed iyo cawaantoodu waxay yaqaanniin meesha umadda Soomaaliyeed ka nugushahay ee laga wareemi karo ama laga xagal daacin karo. Dabcan waa qabyaaladda. Markaa ururkii ugu xoogga badnaa dhaqdhaqaaqyadii gobannimo-doonka ee la odhan jiray Es.Waay.El (SYL) ayaa la dhexgalay markii ay guushii soo dhawaatay. Khaakhuul qabiil ayaa laga dhex oogay. Markaa abwaanku wuxuu isku deyayaa inuu dadka waaniyo, isaga oo iftiiminaya meeqaanka liita ee Soomaalidu ka taagan tahay dareenka Somaalinimada iyo Islaamnimada labadaba. Wuxuu yidhi: Maan-yaridu Soomaali waa, meheraddeediiye Maslaxaddeeda garan-weydey iyo, marinkii toosnaaye Macnahay ku noolaan lahayd, maluhu siin waaye Maamuus la’aan lagu wadey, moodayaan nolole Miis xumida heysiyo dulligu, waw macaan yahaye Mabsuud weeye badidood waxay, mudan-hayaan ceebe Muslinnimada sida loo mud-mudi, kama maseyraane Maqaam-xumida waxa joojey waa, muran dhexdooda ahe Iyagaysu muuqanahayee, moog adduunyada ee Murtidey lahaayeen diliyo, magaca kooda ahe Muwaafaqo kolkii laga gafaa, mowtigood galaye Anigaa ku mira-dhaama baa, meleggu saarraaye Macrifo uma yeeshaan wuxuu, baran masaalkoode Macaamilada aadmigu ku jiro, laga madoobeeye Martabadaa adduunkiyo cilmigu, umaba muuqdaane Dadkey madaxdu ka xumaato way, marin habaabaane Kuwa muqaddimada looga dhigey, waa manfaco doone Mar maxaad cuntaa keliya buu, yahay muraadkoode Nin mushaharo eexeyn-hayaa, waa miskiin dhabahe Muddeec waxa ka dhigay waa inuu, maarmi-waa yahaye Muddaafacana seeg iyo inuu, maya yiraahdaaye Culimadana damac baa melgoo, mooyi sey tahaye Milladdiyo shareecada bar baa, maal ku iibsada’e Marsiin iyo fudeyd buu ku dhacay, magane diinkiiye Maan-gaabka iyo weys hayaan, kii mufti ahaaye Ardeydaa mujaadilo la geli, macallinkoodiiye Midkii dhowr masalo soo bartaan, maaro loo heline Makas-tiyo intii caamo bey, madax-wareersheene Hadba xaal muraad lagu waraa, leyna maqashiine Waase waxaan Minhaajkiyo Tuxfaha, meelna kaga oolle ISTAAGEERID LAGA WAA Cismaan Yuusuf Keenadiid Maansada soo socotaa waa masafo. Masafadu waa nooc kamid ah maansada Soomaaliyeed oo berigii hore ay caan ku ahaayeen culimadu. Waxaa tan tiriyey Cismaan Yuusuf Keenadiid oo qudhiisu ahaa nin culimo ah. Wakhtiga uu tirinayaa waa mar ay sooba dhawaatay xorriyaddii beenbeenta ahayd ee la siiyey laba gobol oo kamid ahaa dhulkii Soomaaliyeed ee gumaystayaashu bililiqaysteen. Waxa uu iftiiminayaa dhibkii jiray berigaas, dawladihii kala qaybsaday dhulka Soomaalida, dabadhilifnimadii dadka qaarkood lagu ibtileeyey iyo sida looga tegay kasoo-horjeesiga gumaysiga iyo ku-dhaqanka Islaamnimada dhabta ah. Wuxuu yidhi: Axmadow* tixdii maanso, tirinteedba daayaye Indhoweyd ka tegayoo, tooggo uuma yeelane Kolse haddaan ku tacalluqo, saan u taxo ma waayee Tuduc uun baan ka sheegaa, tororogi ma fiicnee Sida loo tebaayaa isaga-key tallaalane Taallo iyo buur iyo kama tuuro meel xune Tubta kama qalloocshiyo ta’wiilaha higgaaddee Takhtarkeed inaan ahay, waad igu tiqiinaye Meeshii aan ka taab-saaro, raga qaar ma tabayee Wow tallaaba qaadaa, an kuma turunturrooda’e Dhaaxaanse tabo jadiidiyo meelo kaaga taabtaye Tu yar oo aan kuu sheegi, bal tilmaanso caawana Afartaas tusmeeyaye ma tammimay sidaydii Ma tartiibshey maansada awal baan tacliimaye Sow xarafka kuma toosin ta’da kama habaabine Taasi weyga degataye tiraab kale waxay tahay War Soomaali tala xumo, taag looga waayaye Tabtay horey u soo baratay, marna kama tegeysee Tadbiir kale ma hayso’e iyadaysku taagane Istoleysigii gacalo, tusi waa Ilaahaye Iyadaysu tumanaysa, teeri iyo billaawe e Istaageerid laga waa, isu turinamaysee Tabaalaha adduunkiyo, taariikh eegi meysee Waxay tacadi soo aragtay, iney toosto diidaye Cilmiga loo tartamayana, u tacjiilimeysee Shisheeyaha ku tuman iyo tooda fiirin weydaye Xornimada u timid haatan, toodoobi meysee Diinta tiirinta u baahan, waxba uguma taallee Tiiraanyo kama hayso, tafarruqa la geliyaye Si kastoo ad ula talisid teedii uun weeye e Dalkoodii rag baa tebiyey iyageyska tuunsane Ingiriisku tahantiyo toogadiba ka helyaye Faransana tabkiciyoo tiisii waa ku heystaye Inta kale waxaa taabay, Talyaani iyo Xabasho e Amxaarkana tix-gelin iyo turaal lagama eego e Tol-waynihii Ogaadeen tuu ku falay la maqalyaye Gabal toogey qaarkoodna xabsiguu ku tuuraye Nimankii u talinaayey Tafarraa* dhammeeyee Tallan iyo kuwii haray tawal baa dilaayoo Waa ka tubaha soo jiiray Ina-Tarabbi* keligiye Isaaqna looga tabar sheegay, takhtigii dhulkiisee Wuxu tiriyo maal qabay, kor u tiigan waayee Arladi tooxa weyneed ku tallaabsan waayee Inkastooy tigaadowdo tuldihii, daaqsan waayee Toban mayl ma dhaafsiisna taaggii Hargeysa e Majeerteenna laga teed halkuu Toga ku dhaqayaye Kobtii lagu tammadin jiray laga wada takooryaye Taxkuumadi ma seejine tunjileecsi weeyee Toomihii Marqaan iyo tegi waayey Ceel-cade Tiiriga agtiisiyo waakan tuuran Beyra’e Afartaas tusmeeyaye ma tammimay sidaydii Ma tartiibshay maansada awal baan tacliimaye Sow xarafka kuma toosin ta’da kama habaabine Taasi weyga degataye tiraab kale waxay tahay Yuu.En-nada* taarka loo direy waxba nama taraayee Waxay taawin badidood si laynoo taxaabto e Waa la takhantakhayn jiray ninkii tiro-yar weligiye Tiirridatan gaalo ah, jinnaa inagu taagaye Waa niman takoormayoo, towxiidka diidaye Towreed iyo Injiil iyo teennaba ka beyre e Tawaani keen-isuma hayso, isku towna maahine Ninkii haatan taabacayna, tubta kheyrka seegyaye Togaggii Firdowsaad tegi-maayo weligiye Inkastuu wax sii tuurto, isagay u tuudine Risqina taharoweyniyo, tabar laguma helayee Taftar baa hor lagu dhigay, tanaadkiyo saboolkee Ninba waxaa u taal meel, tii loo xariiqaye Tafan-taaf in lagu doono, toolmooni maahee Dowladdana tukubo iyo tuugmo laguma gaaree Haddaan rag isku tacaddoobin tiginkeed ma aasmee Horaa loo tijaabshoo cayaar kuma timaaddee Taawil iyo buruud iyo tadcaar wax u ah dhiiga e Cadowse soo tabcadayoo, leh tareen iyo dayuurado Nin tusbax iyo laan qaatay, taag uma helaayee Banbada laysku tuurona, toorreey gaari maysee Haddaynaan wax tabaraysan, rag waa kii is-tiilee Aan qalabka lagu tuugsan tumasho iyo ganacsiba Ee tabaabulyada seegno, waxba taransan maynnee Tawakalidda Eebbena tiir la cuskan weeyee Taliyuhu isaga weeye, tadbiirshaha aduunka e Waxaan tabarruk ka helnaa tilaawada Quraankee Taqwa iyo cibaadiyo towbad baa danteen ahe Tukashaduna faral weeye taarik waa la caayaye Hadaynaan ka tegin diinka Rabaa inagu toosane Tuu fali lahaa iyo, isna tiis la laabanee. *Axmed: Waa will uu dhalay abwaanka Cismaan Yuusuf Keenadiid. *Tafarre: Waa Xayle Salaase, boqorkii cimriga dheeraa ee Xabashida oo waagaas talinayey. *Ina-Tarabbi: Ma helin warbixinta ninkan, wuxuuse u egyahay hoggaamiye kasoo jeeda gobolka. *Yuu.En-na: Waa Qaramada Midoobey (United Nations – U.N.) oo lasoo gaabiyey dabadeedna la Soomaaliyeeyey. HALGANKII BARKHADCAS Halkan waxaynu ku xusaynaa oo ku bilaabaynnaa buuggeena maansooyin kooban oo uu tiriyey abwaan Maxamed Ismaaciil Baasarce “Barkhadcas”. Abwaanku intii uu noolaa waxa lagu naanaysi jiray “Balaayo-Cas” laakiin markii uu dhintay ayaa loogu bedelay “Barkhad-Cas”. Abwaanku wuxuu hano-qaadkiisii hore u badnaa dhinaca magaalada Cadan ee dalka Yaman. Laakiin markii uu kusoo laabtay dalka, gaar ahaan magaalada Hargeysa wuxuu ka bilaabay dhaqdhaqaaq gobannimo-doon ah oo lagaga soo horjeedo gumaysigii Ingiriiska. Waxaa kamid ahaa ereyadii halhayska u ahaa ee bilawgiiba laga xafiday: Ayuu guullahay gargaaraayoo? Ayaa garanaaya gobanimadoo? Ayaa la gembiya gumaysiga? Wuxuu abwaanku waajib iskaga dhigay wacyi-gelinta bulshada ee dhinaca gobannimada iyo gumaysi-diidka. AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA Barkhadcas Haddaba sanadkii 1958kii ayaa waxaa magaalada Hargeysa soo booqday nin Ingiriis ah oo la odhan jiray “Duke of Gloucester” oo adeer u ahaa boqoraddii Ingiriiska. Ninkaas oo uu dalkiisu si wuxuushnimo ah u gumaysanayey waddamo qaaradaha Afrika iyo Aasiya ku yaal oo fara badan. Haddaba intii aanu dalkaba soo gaadhin ayaa la bilaabay u-diyaargarowga soo-dhaweyntiisa. Waxaa loo yeedhay abwaanadii wadanka ayaga oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan sarkaalkaa Ingiriiska ah. Dabadhilifyadii ayaa durbaannada tuntay. Dadkii aan indheergaradka ahaynina waxay iska noqdeen sida caamada lagu yaqaanno dameeri dhaan-raacday. Haddaba abwaan iyo hal-abuure Maxamed Ismaaciil Baasarce “Barkhadcas” wuxuu kamid ahaa dadkii laga codsaday inay maansooyin kusoo dhaweeyaan sarkaalka Ingiriis, laakiin isagu wuu iska diiday taas, waxanu codsigaas kaga jawaabay maansada la magac-baxday Aan Ooyee Albaabka ii Xidha oo uu ku sheegayo xumaanta gumaysiga iyo nacaybka uu u qabo gumaystaha. Wuxuu yidhi Barkhadcas: Awoowgey ninkii indhaha tiray Ninkii aabbahay adoonsaday Ninkii anigana i iibsaday Ninkii ifka igu adduun tirey Haddaan ogohoo-nan ka aarsan karayn Haddaanan Aadanoow unuunka jarayn Asaag li’i baa ishaa i baddee Ninkaa aragiisa uurkaan ka necbee Aan ooyee albaabka ii xidha Isagoo Iglan* jooga buu i diloo Ushuu soo fidshaa i iimaysoo Waa taa aramidi i oofa tirtee Haddaan ogohoonan ka aarsan karayn Haddaanan Aadanoow unuunka jarayn Asaag li’i baa ishaa i baddee Itaal darri aan la eedaadee Ninkaa araggiisa uurkaan ka necbee Aan ooyee albaabka ii xidha Arladii ka samroo aduun ma hayee Haddii la ilaashay afkaygii Haddaanan ikhtiyaar aqoontay hadlayn Haddaanan eray qudha shirkaas odhanayn Asaag li’i baa ishaa i baddee Ninkaa araggiisa uurkaan ka necbee Aan ooyee albaabka ii xidha. Wixii arrineen Ilaahay jeclayn Aayaadka Qur’aanka wada aragtoo Udgoonena yidhi, “Indhaha ka qarshee,” Asaag li’i baa ishaa i baddee Ninkaa aragiisa uurkaan ka necbee Aan ooyee albaabka ii xidha. Ugaadha ninkii dhaqee urursada Ruuxii eegayaa adduun ka baxshee Raggiinii ogaa horuu u arkee Ninkii ooridiisa geynaayoow Iimoowdaye axankaaga waynee. Bal Ogow Isticmaarku Abidkii Irriduu Marinaayo Awr Raran Irbad buu Ku Dayaa Ayaanta Horee Raggaan Arkayee U Abasaxayow* Ninowna Ha Odhan Soomaalaan Ahee Ordoo Magacana Ka iibsada. Libaaxa Annayiyo Abaarso ka ciyey Aburriin* lo’da joogta baa urisoo Ooday jabisaa intay ka dhacdoo Amsaxuu ka guraa idaylkeede Wakaa Ingiriiskii iidaayee Idina u dabaaldegoo adhiyohow Ordoo magacana ka iibsada. *Iglan: Waa gobol kamid ah dalka Ingiriiska laakiin halkan waxay ugu jirtaa isla dalkaas oo dhan. *Abasax: Waa abasaxa geela dhedig, waana marka ay haluhu u baahan yihiin awr abaahiya. Si kale haddaan u dhigno, waa hammoodka geela dhedig. *Anaya, Abaarso iyo Aburriin: Waa deegaanno aan kala fogfogayn oo dhinaca galbeed ka xiga magaalada Hargeysa. AFGARAN-WAAGU WAA GUMAYSIGA Abwaan Barkhadcas waxaa maalin kale soo maray gabdho ay hore isu yaqaanneen. Dadka qaarkood waxay leeyihiin gabadh keli ah ayey ahayd. Abwaanku wuxuu fadhiyey geed hoostii. Wuu xanuunsanayey oo aad ayuu raadka xanuunku uga muuqday korkiisa. Markaa gabdhihii waxay ku murmeen, “Tolow qofkani ma Maxamed baa?” Dabcan way garanayeen ee waxay cabbirayeen isbedelka ka muuqda jidhkiisa uu xanuunku dooriyey. Markaas ayuu gabdhihii ugu xog-warramay maansadan heellada ah oo uu ku muujiyey in dhibaatada haystaa aanay ahayn xanuune, ay tahay aramida iyo tiiraanyada gumaystaha. Wuxuu yidhi abwaan Barkhadcas Ilaahay ha u naxariistee: Adigaa gabadhyahay, habeen gudayee Anigoon guunyo waayin, geel dhalay Gasiinka la cuno, afkaa ma gashoo Gaajiyo cudur gaanka iima sudhnee Waxa i goday waa gumaysiga Hooyaday gacalaa afkuun garatee Sidii garanuug joogta geyi abaareed Amase geri laacay geed sare Gurucaa dheeri waa gumaysiga Sidii geesi uu tolkii gacma jaray Garawshiyo waayey oon gardarrayn Ilmadan gu’i weyday ee gobo’liyo Gama’aan diiday waa gumaysiga Waanigii gabannimo aroos ku galee Waanigii gaari helay garaaro lehee Gaasira isagaa na kala gooyee Carruur ma gargaarsadoo ma gartee Goblankaan ahay waa gumaysiga Maan gaadhin gankaad i moodaysee Gu’gaygii soddonkii labbuu ka gudbee Guudkaa i caddaaday ee i gu’iyo Gabaxdaan idhi waa gumaysiga Wax ii gooniyiyo guhaad ma qabee Somaalaa giddigeed is gaadaysoo Cadhadaan gubnahay waa gumaysiga Gambadii dumarkaa la’ii guntiyoo Gabbal baa iigu dhacay gasiirad cidloo Gabaahiiri waa gumaysiga Rag baa gacalkay na kala gooyoo Gaaliyo nacab baa u geesa ahoo Afgaran-waagu waa gumaysiga Garaadnimo iyo gobbaan u dhashoo Gibir baan ka baxshaa haddaan wax gadtoo Nin gini qaatay baa i gacan galiyoo Gartay-daan waayey waa gumaysiga Guullow adigaa gargaaro lehoo Ninkii la gumaysto u gacan-celiyee Anigoon afar gaal gabaar u ahayn Anigoo geesiyoon gaboonayn Inaan calan gaar ah guudkayga sudhiyo Lixdanka gobonnimo i gaadhsii. Geesiga Madow Cabdillaahi Suldaan Timacadde, 1961 Gabaygan waxaa tiriyey abwaankii waddaniga ahaa ee Cabdillaahi Suldaan Timacadde. Wuxuu iftiiminayaa sida quwadaha waaweyn ee reer-Galbeedku (gumaystayaashii hore) aanay u rabin guul ay helaan waddamada yaryar ee korayaa (la-gumaystayaashii hore). Waxaa loo fahmi karaa, digniin uu siinayo quruumaha curdinka ah si ay isaga ilaaliyaan shirqoollada lagu hagar-daamaynayo. Waxaa uu markhaati uga dhigtay digniintiisa, sida geesigii u kacaba boqonta loo jarayo. Tusaale wuxuu usoo qaatay dilkii Gaandi-gii reer-Hindiya, dilkii Kamaalu-Diin oo ahaa danjire Masaari ah oo Muqdisho joogi jiray waagii gumaysiga, dilkii Maxamuud Xarbigii reer-Jabuuti iyo geesigii Afrikaanka ahaa ee lagu magacaabi jiray Batriis Lumuumba. Wuxuu Cabdillaahi Suldaan kala dardaarmayaa siyaasiyiintii dawladdii curdinka ahayd ee Soomaaliya, inay aaminaan oo nasteex moodaan gumaystayaashii shalay iyo xulafadooda. Haddii kale waxaa dhici doona caaqibo-xumo aan la mahadin, ayuu yidhi. Taladii Cabdillaahi Suldaan lama qaadan, waxaana lagu dhacay dabinkii uu ka digayey. Dabadeed waxaa laga dhaxlay ayaan-darradii ku habsatay umadda Soomaaliyeed intii yarayd ee xornimada heshay. Wuxuu yidhi Cabdillaahi Suldaan Timacadde: Qaramadan gadaal-kacay qarbigu, waa geddiyayaaye Gobannimada lama doonayaan, gadasho mooyaane Wiilkii garaad lagu tuhmaba way ka gurayaane Gardarriyo is-yeelyeel horaa, Gaandi* loo dilaye Kamaalu-Diinna* qaar baw gabaday, qaatay giniyaade Xarbigii* guntaday bay qunbulad, haad u geliyeene Geesiga madow uma oggola, guusha reer-Yurube Geerida Lamuumbaa* wadnuhu noo gig leeyahaye Geyigiisa goortuu qabtee, gees isugu leexshay Iga guura galabtuu yidhaa, geeddan loo xidhaye Godka waxa u qoday Haamarshool*, waa gedduu rabaye Maantaba hadday gawraceen, way gam’ahayaane Meeshuu galaba doollaarku waa, uu gembiyayaaye Ninkii dunida kala gaabiyaa, garabsanaysaane Raggan gacanta haystoow wallee, saad-dambaad gariine Qudheennani intaynaan geb odhan, yeyna kala gaadha Haddii kale se goor aan fogayn, gawda bal aan eegno. *Gaandi: Waa Mahatma Gaandi. Wuxuu ahaa garyaqaan u halgami jiray xorriyadda reer-Hindiya waagii Ingiriisku gumaysan jiray. Wuxuu aaminaa in la halgamo ayada oo aan dhiig la daadin. Hoggaamiye ruuxi ah ayuu u ahaa reer-Hindiya laakiin waxaa la dilay markii Hindiya heshay xorriyaddeeda. Waxaa dilka ku fuliyey nin xagjir ah oo Hindoos ah laakiin waxaa la rumaysan yahay in shirqool ka dameeyey dilka. *Kamaalu-Diin: Waa Kamaalu-Diin Saalax oo ahaa nin Masaari ah oo aad ugu halgamay sidii Soomaalidu uga xoroobi lahayd gumaysigii reer-Yurub. Wuxuu dalka u yimid asaga oo ahaa nin ka socda dawladda Masar laakiin muujiyey jacayl aan qiyaas lahayn oo dhinaca Soomaalida ah. Taasi werwer ayey ku abuurtay gumaysigii. Kamaalu-Diin waxaa Muqdisho lagu dilay 17 Abriil 1957. Waxaa dilka fuliyey nin Soomaali ah laakiin waxaa la rumaysan yahay in shirqool ka dambeeyey. *Xarbi: Waa Maxamuud Xarbi oo ahaa geesi Soomaaliyeed oo kasoo jeeday dhinaca Jabuuti. Waxaa si shirqool ah loo khaarajiyey isaga oo ku foogan hawlaha gobannimo-doonka. Dayaaraddii uu la socday ayaa burburtay, waxaana la yaqiinsan yahay in shirqool isaga ah loo qarxiyey diyaaradda. Geerida Maxamuud Xarbi waxay dhacday 1960kii. *Lamuumba: Waa Batriis Lumuumba oo ahaa halgamaa reer-Koongo ah. Wuxuu u halgamay in dalkiisu xorriyad ka qaato gumaystihii Biljam. Xorriyaddii kadib wuxuu noqday raysal-wasaaraha Koongo-Kinshaasa laakiin in markiiba waxaa lagu inqilaabay shirqool ay maleegeen Sii.Ay.Ee (CIA) iyo gumaysigii Biljam. 1961 ayey milateriga Biljam dileen Lumuumba isla markaana gubeen maydkiisii. Arrintaasi tiiraanyo weyn ayey ku reebtay shucuubta gumaysi la-dirirka ah. Waxaana la yaqiinsaday in aanu reer-Galbeedku rabin geesi Afrikaan ah oo dalkiisa ku maamula siyaasad ka madax-bannaan gumaystayaasha. *Haamarshool: Waa Daag Hamarshool (Dag Hammarskjold) oo ahaa nin Iswiidhish ah oo xukumayey Qaramada Midoobey (UN) min 1953 ilaa markii la khaarajiyey oo ahayd 1961. Wuxuu Timacadde qabaa inuu lug ku lahaa dilkii foosha xumaa ee Batriis Lumuumba. Nidarray Xaylow Cabdillaahi Suldaan Timacadde Gabaygan waxaa tiriyey geesigii waddaniga ahaa ee Cabdillaahi Suldaan Timacadde. Wuxuu kaga hadlayaa niman Soomaali ah oo la shaqaynayey gumaysigii Xabashida ee Xayle Salaase isla markaana si nacasnimo ah uga soo horjeeday horumar kasta oo ay umadda Soomaaliyeed xorriyad ku gaadho. Wuxuu si gaar ah u magacaabayaa nin gumayste-kalkaal ahaa oo la odhan jiray Cagoole. Cagoole wuxuu daacad u ahaa xukunkii Xabashida ee Xayle Salaase, waxanu u dadaalay sidii dhulka Soomaali Galbeed ugu hoos jiri lahaa xukunka Itoobiya. Cabdillaahi Suldaan Timacadde, wuxuu ku taamayaa in dhulka Soomaaliyeed ee ilaa Hawaas iyo ilaa Negeyle iyo ilaa Nayroobi lasoo celin doono oo aan la nasan doonin ilaa riyadaasi xaqiiqowdo. Waxaa kale oo uu nadar la gelayaa Xayle Salaase. Wuxuu leeyahay, “Naagaha midkeen lagu daraba nidarray Xayloowe.” Marka aan buuggan qorayo (2012) waxaa laga joogaa markii gabayga la tiriyey 50 sano iyo dheeraad (1960), waxaana iska cad cidda labadii qolo naagaha lagu daray iyo cidda nidarkoodii dhaboobay. Waxse dambeeya Allaa og. Wuxuu yidhi Timacadde: Naxwihiisa gabay waanigii, nimiri ku ahaaye Ma naannaabiyo ee kaygu waa, nibirraddiisiiye Nadaamkiisa anigoo yar baan, nuuradayn jiraye Bal aan nudo tixdaan Yuusufow, nuunka ka higgaadshay Nimcada kuma xamdiyo ruux haddii, naarta loo lulo’e Namruud iyo Kancaan waa kuwuu, nacay Ilaaheene Nasiib ma leh ninkii uga dudaa, gaalo naxariise Nacallaa qabsada kaadirkii, kiisa naasila e Nin nifaaqa mooyiye khalqigu, wuu ku neefsadaye Soomaalidaa naaxday baa, qaar ka naxayaane Nasaqnimo Cagoolow* Rabbaa, naaska kuu sudhaye Ogaadeenku* waa nala niyoo, nuurki wada gaadhye Nafarkiyo aday kugu hodeen noolka Xabashaade Nacabkaaga weeyaan waxaad, nugusta* haysaaye Kuwii Nebiyadii caasiyaa, naashka kuu dhigaye Naxlina kuu gal Soomaalidaad, naafi leedahaye Ninkiise dhiigga nuugaba mar buu, nudaygu qoonmaaye Naqa laaso dabadeedna waa, laydin naawiliye Naaliyadda goortaan duldhigo, tan iyo Nayroobi Nageyliyo caruusaad haddii, naafaq ku habsaamo Nasan maynno meeshiyo Hawaas, nacam Ilaahay ye Raggii nadiga kuu qaadan jiray, niibka ka adkaaye Haddii aan nadaadiga la raran, naruradaan geysto Nakh-nakhdiyo dajidu waa intaan, nowdu kuu bixine Wallee inaan nawaaxiga Shawaad lagu nagaanayne Niska dhexe habeenkaad misana, now dhe leedahaye Meeshiyo Niyuu-Yaag haddaad, noolka bixin doonto Nasaariyo Yahuud baad u noqon, nayl xun oo kale ee Naagaha midkeen lagu daraba, nidarray Xayloowe Hadday nabaddu kula naaqus tahay nooli kulanteeye. *Cagoole: Waa Cabdillaahi Faarax Cagoole oo ahaa nin Soomaali ah oo daacad u ahaa dawladda Itoobiya kuna dadaalay sidii Soomaali Galbeed ugu hoos jiri lahayd xukunka Itoobiya. Wuxuu ahaa nin aw ah oo yaraantii xer lagu daray, af-Carabiga iyo af-Amxaarigana wuu yaqaannay. Wuxuu ahaa curyaan ku socda gacmaha iyo jilbaha, sidaas ayaanu kula baxay naanaysta Cagoole. Waxaanay dadka qaar u qabeen nin amran. *Ogaadeen: Waa qolo macruuf ah oo ku aroorta qabiilka Daarood, lagana heli karo dhammaan dhulalka Soomaalidu degto laakiin ku xooggan dhulka Soomaali Galbeed iyo dhulka Soomaaliyeed ee Keenya xukunto. *Nugus: Waa af-Xabashi uu macnihiisu yahay boqor. INGIRIIS RAGGUU LAAYEY Ibraahim-Gadhle Ibraahim Sulaymaan “Ibraahim-Gadhle” wuxuu ahaa abwaan Ilaahay ku mannaystay indheergaradnimo iyo farshaxan suugaaneed oo aad u heer sarreeya. Waxaa saldhig iyo deegaan u ahaa magaalada Jabuuti. Waxaanu kamid ahaa dadkii usoo joogay gumaysigii Faransiiska ee umadda reer-Jabuuti soo silciyey. Indheergaradnimadiisa iyo farshaxannimadiisa waxaa laga dheehan karaa suugaantiisa badda ah. Bal inta aanan soo qaadan maansada gumaysi-diidka ah ee aynu buuggan ku xusi doono, ila dheeho heerka iyo martabadda uu gaadhsiisnaa suugaanta iyo samo- talisnimada. Ibraahin Gadhle waa abwaankii lahaa ereyadan waanada ah ee soo socda: Midigtaadu yey noqon, Mid tolkeed u muruq weyn, Murjinkaagu yuu noqon, Magli dila walaalkii, Magacaagu yuu noqon, Mid xumaan ka marag-kaca, Sida macawisaa qaar, Ninba maalin yuu xidhan, Hadba kii muraadle ah, Hawga dhigin maqaar-saar, Mar waxaad dhadhamisiyo, Mijin qaad ah haw dhiman, Hana talin masiibiyo, Wax makhluuqa kala dila, Maskaxdaadu yay noqon, Maqal lagula leeyahay, Yaan toban muftaax iyo, Lagu furan masaabiir, Waxaad shalayto mudatiyo, Mahadhada xusuusnoow, Halkii qorigu kaa muday, Mar labaad lugtaadiyo, Cagtu yaanay kula marin. Abwaan Ibraahin Saleebaan wuxuu soo gaadhay ayada oo ay gumaystayaashii shisheeye cabiidsanayaan bina-Aadan fara badan oo ay ku jirto umadda Soomaaliyeed. Wuxuu si gaar ah u dulsaarnaa meeshii uu joogay gumaysigii Faransiiska oo kamid ahaa kuwii ugu arxanka darnaa duul wax gumaysta. Wuxuu usoo joogay ama maqalay Soomaali badan iyo xitaa Afrikaan badan oo xasuuq loo geystay. Wuxuu hebel iyo hebel u yaqaannay culimo iyo aqoonyahanno unuunka laga jaray ama la kaxaystay oo aan dib loo arag meel ay jaan iyo cidhib dhigeen. Haddana wuxuu usoo joogay ayada oo dhammaan gumaystayaashaas laga dulqaaday umaddii Soomaaliyeed, alxamdulillaah. Laakiin xorriyaddii la helay waxay noqotay mid dhicis ah maadaama taladii u gacan-gashay dad gumaystuhu beertay oo la odhan karo waxaa loo sii yara wakiishay hawshii gumaysashada. Waxay noqdeen dad aan laga filahayn in ay usoo aargudaan umaddii saxariirka la soo baday. Ayaan-darradaasi kumay koobnayn umadihii Soomaaliyeed, waxaa la qabay guud ahaan shucuubta Afrikaanka ah badankooda. Markaas ayuu abwaan Ibraahin-Gadhle tiriyey gabaygan tawaawaca ah: Allahayow adduunyada markaad, taagtay udubkeeda Ama aad abuuratay khalqiga, Aadan iyo Xaawa Maalintuu Iblayskuna kufriyey uu, diiday amarkaaga Imminkiyo ayaantaa maxaa, belo adeegeysa Imisaa ardaa fiican iyo, aqal madoobaaday Ubadkay siteen iyo maxaa, dumar agoonoobay Imisaa arwaax hoyatay oo, gaal iyo Islaan leh Axmadkii* la doortiyo maxaa, Nebiyo loo ooyey Abuubakar Siddiiq* iyo inuu, Caliba iiljiifo* Inkastoon ogsoonahay inaan, axadba waaraynin Wadka Eebe soo diro wax baa, aniga ii dheere Ifka ruuxa joogaa kol buu, ku istareexaaye Kol uun bay anfaaciga macaan, iligga saaraane Ikhtiyaar kol uun bay helaan, uumiyaa kale ee Aasiya ba waxay leeyihiin aarmi iyo xooge Annagana Orobbaa* sidii, awrta noo rarane Waagii iftiimaba kun baa, nalaga aasaaye Bal qabsoo ugaadhiyo sidii, adhiga weeyaane Eygaa ciyaayaa hadduu, dhaamo inankeenna Afrikadan Ilaahow maxaa, laga abuuraayey?* Allahayow alhuumiyo maxaad, iinta ugu yeeshay? Allahayow awood iyo maxaad, aalad ugu diidday? Ummaddaada Eebbow maxaa, loogu kala eexday? Ingiriis ragguu laayey baan, cidi illaaweyne Axmad-Guray* unuunkay jareen, ehel ha waayaane Oomaarna* waad wada ogtihiin, uubtii loo qodaye Sayidkii* addoonsiga nebcaa, aakhiro u tabiye Waa kuwii Cadhoolana* ajalay, calankan awgiiye Halyeygii Bashiir* bay dharaar, adhaxda gooyeene Maxamuud* sidii loo arjumay, aamus laga qaadye Imaam Cusmaan* baa ku maqan, ololeheeniiye Ablay bay u quudheen nin ragi, kuma ataageene Eeddii gumaystaha haddaan, in yar ka faalloodo Axaddii bishii Maaris* iyo, hore Isniintiiba Eedaanka waaberi markuu, noo addimay sheekhu Waa kuwii intay ururiyeen, edeg ka buuxsheene Waa kuwii awaaraha na tubay, aqab la’aaneede Waa kuwii uqaylkii guriyo, kii arrimin lahaaye Waa kuwii hablaha ugub diliyo, Aaminiyo Luule Waa kuwii Amaar iyo dugaag, oomman noo qubaye Immikana kuwaa talinayay, eebada u tumiye Isticmaarku ooduu dhigiyo, odaxdii waa taalle Ma ilbixin kuwii aan lahaa, way ka aargudane Iglan* baaba loo dhoofiyaa, weli addoontiiye Iib baa Amriik* loogu diray, odayo waaweyne Almaaniyana* kolay ku tahay, nala asqaysiiye Kol hadday abiid ii yihiin, oohintiyo ciilku Uurkii islaantii maxaan, uga abuurmaayay? Oofta iyo hooyaday maxay, adhaxda ii saartay? Allahayow awoowiyo muxuu, aabbe ii dhalayay?* *Axmed: Nebi Muxammed – nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee. Magacyadii Nebiga waxaa kamid ahaa Axmed, Muxammed, Maaxi, Xaashir iyo qaar kale. *Abuubakar Siddiiq: Cabdillaahi ibnu Abii Quxaafa. Waa Nebiga saaxiibkiisii koowaad ee xagga dacwada Islaamka. Waana khaliifkii koowaad ee Nebiga dabadii hoggaamiyey umadda Islaamka. *Cali: Waa Sayid Cali binu Abii Daalib. Waa carruurnimo ugu hor rumeeyey Nebiga, waa Nebiga ina-adeerkii rumaad, waa saygii Faadumo Rasuul iyo khaliifkii afraad ee Muslimiinta Nebiga dabadii. *Orobba: Yurub *Beydadkan waxa la moodaa inuu abwaanku eedaynayo Eebbe (xumaan ka hufnaaye). Ilaahay waxan uga baryeynaa abwaanka inuu ka cafiyo wixii gef ah ee ka dhacay. Caqiidadeenu waa in aan Alle lala xisaabtami karin laakiin uu asagu xisaabinayo addoomadiisa. Dhinaca kale dadka wuxuu Alle abuuray ayagoo siman laakiin waxaa kala reeba camalkooda aakhiro iyo adduunba. Markaa Afrika ayadaa seexatay, dabadeedna waxaa helay cadow aan arxan lahayn oo bakhtigoodana ka kici waayey. *Axmed-Gurey: Wuxuu ahaa halyey hoggaamin jiray bulshada Geeska Afrika ee Muslinka ah. Wuxuu ahaa sheekh caalin ah. *Oomaar: Waa Faarax Oomaar Ileeye, halgamaa si nabadgelyo ah ugula diriray gumaysigii Ingiriiska, isaga oo af iyo aqoon u adeegsaday dagaalkiisa. Wuxuu u qoray dawladda Ingiriiska talagaraaf ay ku qornayd saddexdan erey “Hayaay, hayaay, hayaay.” Dalka ayaa dhawr jeer laga masaafuriyey, aakhirkiina wuxuu dhintay isaga oo masaafur ku maqan, waxaa ugu dambeeyey hadal isaga oo leh, “Dalkaygu ka yar wax la kala qaybiyo, dadkayguna ka tabar yar wax la rarto.” Fiiri qormada 16aad ee Dktr. Saadiq Enow ee Dhalashadii iyo Dhabarjabkii Soomaali Weyn. *Sayid: Waa Sayid Maxamed Cabdille Xasan, hoggaamiyihii Daraawiishtii gumaysi la-dirirka ahayd. Wuxuu ahaa wadaad ay ku fogaatay caqiiqada Islaamku isla markaana ku xeeldheeraa curinta maansooyinka af-Soomaaliga iyo shicirka Carabiga. *Cadhoole: Waa Cabdiraxmaan Cadhoole oo kamid ahaa halgamayaashii aqoonyahanka ahaa ee loo unuun-jaray gobannimo-doonka, gaar ahaan dhinaca Jabuuti. Si naxariis darro ah oo cadaawad miidhan ah ayey gumaysiga Faransiisku u dileen Cabdiraxmaan Cadhoole. Arrintaasi waxay ku reebtay shacabka reer-Jabuuti uur-ku-taallo iyo halgan adag oo ay usii galaan xorriyaddooda. Fiiri qormada Cabdalla Xaaji ee Halgankii Jabuuti. *Bashiir: Waa Sheekh Bashiir, wadaad iimaanku qanjaha joogay oo ka dhiidhiyey gumaysigii Ingiriiska. Waxaa lagu deldelay gobolka Togdheer. *Maxamuud: Waa halyeygii waynaa ee geesiga ahaa ee Soomaaliyeed. Waa Maxamuud Xarbi oo ahaa geesi gobannimo u-dirir ah oo ay shirqool ku dileen Faransiisku. *Imaam Cismaan: Waa Sheekh Cismaan Wacays oo kamid ahaa culimada reer-Jabuuti ee kasoo horjeestay gumaysigii Faransiiska. Wuxuu ahaa imaamka masaajidka Cabdilqaadir ee Xaafadda Afaraad ee magaalada Jabuuti. 6dii bishii Juun 1966 ayey gumaysigu si shirqool ah u dileen, Alle ha u naxariisto. *Axaddii bishii Maaris: Waa 19kii Maaris 1967 oo laga qaaday afti dadka reer-Jabuuti oo si weyn u diidanaa gumaysiga. Laakiin Faransiiska ayaa marin-habaabiyey aftidii oo ku sheegay in shicibkii reer-Jabuuti doorteen in gumaysigu sii joogo. Dhacdadaas waxaa laga tiriyey maansooyin badan oo ilmadu kaa qubanayso. *Iglan: Waa dal kamid ah dalweynaha Ingiriiska laakiin waxaa looga jeedaa waddanka Ingiriiska oo dhan. *Amriik: Maraykan. *Almaaniya: Waa Jarmalka. *Baydadkani waa cabasho. Ma habboona in qaddar dhacay laga cawdo ama laga murugoodo. Waxaynu Alle uga baryeynaa abwaanka inuu dembigiisa dhaafo oo u naxariisto. GALANGAL Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” Gabayga soo socda ee galangal waxaa uu Hadraawi tiriyey 1970needayadii, wakhtigaas oo uu socday dagaalkii xaqdarrada ahaa ee lagu qaaday reer Fiitnaam. Madasha uu ka tiriyey waxay ahayd mid lagu soo dhaweynayey wefti ka socday jabhaddii xaq u dirirka ahayd ee reer-Fiitnaam ee la dagaallamaysay dulmiga Maraykanka. Waftigaasi waxay marti u ahaayeen dawladdii Soomaaliya oo hiil la garabtaagnayd dulmanayaashii reer-Fiitnaam. Si aad u fahanto nuxurka gabayga aan kuu soo koobo taariikhda dagaalka Fiitnaam. Dagaalku wuxuu socday min 1955 ilaa 1975. Wakhtigaas ka hor markii gumaysigii Faransiiska laga saaray dhulkii uu gumaysanayey ee loo yaqaannay Indo-Shiina oo ah Fiitnaam-ta maanta, ayaa wuxuu dhaxal ahaan uga tegay kala qaybsanaanta Fiitnaam. Dabadeed waxaa jabkii Faransiiska kadib faraha lasoo galay dalka Maraykanka oo taageero siiyey qaybtii koonfureed ee Fiitnaam oo aan haysan taageerada shacabka reer-Fiitnaam. Shacabkii reer-Fiitnaam oo uu saldhig u yahay waqooyiga Fiitnaam, ayaa arrinkaas ka dhiidhiyey. Dagaal socday labaatan sano kadib waxay guushii raacday shacabkii gobannimo u-dirirka ahaa ee reer-Fiitnaam, waxaana si foolxun u jabay Maraykan iyo xulafadiisii faraha badnayd ee xaaraanta isku bahaystay. Bal aan tirakoob yar kaa xasuusiyo musiibadii ka dhalatay dagaalkaas labada dhinacba: Ciidadamadii labada dhinac ee dagaallamayey (1968) Maraykanka iyo xulafadiisa 536100 askari oo Maraykan ah 850000 askari oo koonfurta Fiitnaam ah 50000 askari oo Koonfurta Kuuriya ah 7672 askari oo Ostaraaliya ah 10450 askari oo Filibbiin iyo Taylaan ah 552 askari oo Niyuu Siilaan ah Wadarta askarta xulafadu waxay ahayd 1830000 (hal milyan siddeed boqol iyo soddon kun oo askari) Askarta shacabka reer-Fiitnaam ee gumaysi-diidka ah 287465 askari oo reer Fiitnaam ah (laba boqol siddeetan iyo toddoba kun iyo afar boqol iyo shan iyo lixdan askari) Khasaarihii ka dhashay dagaalkaas labada dhinacba Dhinaca Maraykanka iyo xulafadiisa Mareykan: dhimasho 58220 askari, dhaawac 303635 Koonfur Fiitnaam: dhimasho 220357, dhaawac 1170000 Koonfur Kuuriya: dhimasho 5099, dhaawac 10962 Ostaraaliya: dhimasho 521, dhaawac 3000 Niyuu Siilaan: dhimasho 37, dhaawac 187 Taylaan: dhimasho 1351 Boqortooyada Laawos: dhimasho 30000 Wadarta dhimashada askarta xulafadu waa 315384 askari Khasaaraha gobannimo-doonka reer-Fiitnaamka 1176000 (hal milyan, boqol iyo lix iyo todobaatan kun oo qof). Tirooyinka qaarkood waxay sheegayaan ilaa shan milyan oo qof in ay ku naf-waayeen xasuuqii loo geystay reer-Fiitnaam. Toddoba milyan oo bam ayaa lagu bam-gareeyey reer-Fiitnaam, taas oo ku laba jibbaarmaysay wixii bambo la tuuray dagaalkii labaad ee adduunka oo dhan. Waxaa dib ka dhashay 500000 (shan boqol oo kun) oo carruur laxaadkoodu kala dhantaalan yahay ah suntii hubka dartii. Xad-gudubka intaas le’eg ee laga galay reer-Fiitnaam, kama aanu dhigin kuwo u cabiidsama gumaysigii laga rabay. Waa ay dagaallameen, adduunka taagta daran oo dhamina wuu la ooyey. Haddaba gabaygani wuxuu ahaa mid lagu dhiirrigelinayo dagaalyahannadii reer-Fiitnaam ee diiday keenadii gumaystaha. Weli ayada oo uu dagaalkii Socdo ayey Soomaaliya yimaaddeen wefti ka socday jabhaddii xarbiyeysay. Markaas ayuu Hadraawi gabaygan qiirada iyo dhiirrigelinta ah u akhriyey. Gabaygu reer-Fiitnaam uma gaar aha ee wuxu quseeyaa cid kasta oo loo soo qaato keeno gumaysi. Wuxuu yidhi Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi: Galbis dhacay dadweynahan gabradey, gaafka igu meersan Qurux ganac leh gole dheehaniyo, bilicdan gaasheesay Gargarraanta nuurkiyo shacniga, la isku googgooyey Shirgobeedka guurtida fadhida, garangar waaheelan Marti gacala mudan laysu guray, gulufka heensaysan Gololada mashxaradaysa iyo, sacabka guugaabo Galladda iyo raynraynta iyo, gooha dami waayey Iyadoo gorfayntiyo la taxay, doodda gudaheenna Guddi werisayaa iyo nin kale, gooni hadalyaaba Qofba kaalin goorteeda buu, gaar u leeyahaye Anna tayda ii go’an haddaan, galo abbaarteeda Ma gunaanadaayee haddaan, jaro garraarkeeda Gayaaxaa haddii aan ka furo, madida ii gaaxsan Godolqaad hadday labada law, dib u yar gaalgaasho Gaawaha hadday buuxisoo, waliba gaash daato Ganuunkeeda xoorka le haddaan, madalka gaadhsiiyo Anigiyo garaadkay haddaan, idin guddoonsiiyo Geestayda waa iga dhanyahay, galangalkaygiiye Gadaashay ninkii odhanayow, gacanta ii haadi Afartaasi waa gogaldhigiyo, maanso gedeheede Godkaan degay warkaas guud haddaan, kor uga sii guuro Xaajada gondaha laaban iyo, godanka hooseeya Gunta iyo salkeediyo haddaan, saro gunaadkeeda Gawdiyo ujeeddada ladhkiyo, caawa iyo goobtan Nimanyahow gantaalaha subkaye, gamaska dhiigeeyay Nimanyahow galkiyo seefta yidhi, gees u kala leexda Nimanyahow sidii awr gurgura, caynku gubi waayey Nimanyahow garbaha buuxsadee, raray gardaadkooda Nimanyahow gadoodiga bartiyo, galow la soojeedka Nimanyahow habeenkii gudee, guura-bahaleeyay Nimanyahow gadiidkii socdee, meel hadh gali waayey Nimanyahow sariir lagu gam’iyo, gogal ka dheeraaday Nimanyahow guryaha diiday iyo, gaari lala seexdo Nimanyahow gasiinkii ka tagey, gaws wax lagu qaato Gudcur dama cirkoo gibil xidhoo, dhibic is gaadhsiiyey Nimanyahow gudgude soo curtiyo, guuxu kari waayey Gabadannada nimanyow dugsadey, goorad laga hoyday Nimanyahow gabboodkiyo dugsiga, gelinna hayn waayey Gudguduudka waagiyo saq-dhaxe, maalin kala guurtay Mugdi gaba’ cadceed gaasa-baxa, waaga galacdiisa Nimanyahow gumaystaha ku jaray, gaadmo iyo weerar Miinada gumaadkiyo xeryaha, gaadhka lagu meershay Nimanyahow sidii aarka guda, guudka kaga booday Nimanyahow guddoonsadey inaan, godobtu duugoobin Nimanyahow ma guurtada xuska le, geliyey taariikhda Haddaydaan adduunyada gilgilin, xil i ma guuleene Laabtayda kama soo go’een, tix iyo geeraar e Gocashada dareenkiyo murtida, amase guurowga Waxad gaysateen buu ku yimi, gabayga joogaaye Taariikhda guunka ah haddaan, gelin wax weydiiyey Allaylahe Galbeed wuu ku jabay, goballadiinaase Indoo-Jayna geeraw-ga qoran, guuldarriyo hooge Biyanfuu gulcubihii dhiciyo, galalki dhiigoobay Faransiiska wiishkii la go’ay, saw la garan maayo! Maantana geddii baa dhacdiyo, tii gafkii hore e Gal dad liqa ul baa lagu dayaa, lagu gurraacaaye Garka xadhigga loo daadshey iyo, gedefka loo saaray Gaaggaabnidiiniyo malaa, gibil basaaskiinna Is gamaarintiinnii miyuu, gorodda soo dhiibtay! Iyagays gunaanada intay, qawl is geliyaane Garannuugta laacii hodaa, goodir tiigsadaye Gashigii maqnaa buu is yidhi, gooshkan soo celiye Baariis dabkii lagu gubaa, Waashintoon galaye Geyigiinna oo idil illaa, gooddi iyo gooddi Gargoor baa la moodaa timaa, ciidda guud-qubane Gallaydhyeys waaraabiina xoor, gorofki caydheede Rag baruurtu goobtiyo lagiyo, goolalbaw qalane Gudur iyo badhaadhiyo mudiyo, goonji buu cunaye Intaad gawracdeen iyo intii, goobo lagu laayey Gorgor iyo intii baylahnimo, haad ku gabasleeyey Garba-duub intaa ugu xidheen, galalka liileysan Way galabsadeen ciilka ay, golongol tiiceene Goldalooladay jecelyihiin, ciday galaaftaane Gelin qudha ma daayaan ninkay, gaatir ku arkaane Gacma hoorsi kaagama tagaan, kumana guuraane Geesaa bay yeeshaan haddaan, waranku giirrayne Dhegahay gufeystaan haddaan, geesiyaal heline Garta ay dhagaystaanba waa, gumuc rasaaseedel Gujaduu ku maalaa ninkii, geda-yaqaanaaye Gudin iyo warmuu kaga furtaa, gaadhi shaaximane Gurracnaanta iyo maagga iyo, laba-gar-daymoodka Gaffuurtaagga iyo tookha iyo, higilka gawdiidka Gabgabtiyo is-waalkiyo saskiyo, gooddigiyo faanka Galoof-ololka wey leeyihiin, qabiyo guulguule Dagaal laysu soo galay haddii, gaylanku is-dhaafo Galaayuus qaboonada horray, gabarrucleeyaane Hadhow bay sidii guunyo nugul, gebi-dhacleeyaane Marka runi-runteed gaydo way, gamashi dhiiqaane Gagsi ma le haddii loo cuskado, tabiyo gaalleefe Haddii laysu sii giijo way, galangalcoobaane Gadaal bay u laabtaan haddii, good ku soo baxa e Waligoodba guul kalama tagin, meel garaad jiro e Gubniyada la soo daadsheyee, gaatin caranaaya Gurmad raabaraabiyo coliyo, guuto iyo guuto Wixii gaasas soo degay wixii, geesh is-daba joogey Ee tirada ay gaadhayaan, ruuxna garanwaayay Laf galluuban mooyee haddaan, goosan laga haynin Maraakiibta goonyaha baddiyo, gaafka hoganaysa Diyaaraadka gawdaa hayiyo, galacda baaruudda Dabbaabadaha goobyaalayee, gurada loo buuxshey Garangarinta Naabaalka iyo, gabaxda Riigaanka Gaaraabidhaankiyo dabkiyo, gugaca yeedhaaya Galayaxa is-dhaafiyo higtiyo, guuxa iyo reenka Gudban iyo waxay tuurayeen, goosatada reebban Waxay gaaxsadeen iyo waxay, godal ku keeneenba Godanadda Kamboodiya taniyo, Laa’us gudaheeda Fiidnaam galkeediyo intii, godanka Saygoona Indoo-Jayna gees iyo ka gees, guudka iyoo hoosta Hub wixii galaabaxay haddaa, meelna lagu gaadhin Ninkiinnii gurguurtiyo intii, naafo gabargaashey Ninkii gurungurcoodkuu dhaliyo, gacaladiis waayey Nin goblamay nimaan gaban u hadhin, gaar nin keligiisa Gallad qubatay xooliyo dadiyo, garangar duugowday Gocoshiyo xanuun ma leh wixii, guud ahaan lumaye Gobanimada waa loo dhintaa, gooriyo ayaane Ummad gadata mooyee nin kale, waa ka garannuuge Ma gabloosho beertii xabiyo, dhiig ku goraraaye Damalkii la gooyaba midbaa, soo gadaal baxa e Guri laga baroortaba aroos, gaafan baa xiga e Haddaan loo garraadayninoo, waayyo lagu guulin Way gaaggaxdaa talada aad, gola-ka-fuushaaye Garab-qaadka faylkiyo dhismaha, oodda guriddeeda Gudintiyo hangoolkiyo habkiyo, gees-u-wada-jeedka Gadhwadeenka xeerbeegtidiyo, gaanka wadartiinna Gabadhiyo marwada heeganta’a, ee gambada xooray Gashaantida maryaha faydatee, gayfan diriraysa Gaashaan dhiggiiniyo qorshaha, amma go’aankiinna Guddoonkiinna hoosiyo illaa, guniyo-baarkiina Galdalloolo kama mutiqatiyo, gobor la sheegaaye Xaajadu gun bay leedihiyo, xeedho sii godan e Farriin laysu geeyiyo ka culus, guubis iyo baaqe Bulshadii gadooddaa midbay, dhiilla gelisaaye Markay gibisha xoortaa ta kale, dabarka goysaaye Gobolkii xoroobaa mid buu, gama’ ka toos-shaaye Jidkaasaa go’doonkii maraa, geeddi mariyaaye Gabbashada intii diiddanee, gaylan diriraysa Galladiinu inay nuur u tahay, galiya maankiinna Waxba arartu yey ila gudbine, waxan ku soo gooyey Gaar kuma tihiin hawsha iyo, goonidiin qudhahe Gar-naqsiga badheedhkiyo runtiyo, godolka maahmaahda Golaa baanistiisiyo intii, geed inagu raacda Gumaystaha intii diiddan baa, gacal wadaagtaane Gammaan baynu wada saarannahay, gu’ iyo jiilaale Nolosha iyo geerida dirkaba, waw gudboonahaye Dhul guduudan geediyo ugbaad, ubax ku guud yaala Xareed galac le galal buuxa iyo, webiyo guurreeya Ido gorod madow iyo fardiyo, lo’ iyo geel foofa Aar gooha gooliyo shabeel, haramcad guuxaaya Goobyaalka deerada mankiyo, gurata maanjeeta Geri jeenya dheeriyo biciid, goray-haldhaa qooqay Wiyil gees leh farow gaadda-weyn, goodirkiyo cawsha Maroodiga Ganaanee mirtee, gacanka laadlaadsha Shimbiraa galooliyo maraa, buul ka wada goostay Umad goba gabraartana u daran, gebi ahaantiisa Oo waxad gashaaniyo ogsoon, guurtinamadiina Gacmo furan salaam gaara iyo, gogal idiin taalla Iyo guusha oo dhaw haddaan, goorna laga seexan Galabtaas ninkii jooga iyo, guri-yagleelkeeda. GABADH MADOW Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” Maansadan la magac-baxday gabadh madow uma baahna in la fasiro. Waxay xambaarsan tahay guud ahaan nuxurkii ku jiray suugaantii aan xusay. Waxay kamid tahay sababaha aan abwaan Hadraawi ugu dhex daray halgamayaal beri hore noolaa. Maxaa yeelay buugga waxaan u qorsheeyey suugaantii la tiriyey xilligii gumaystaha. Waxaan u arkaa nin jaad-gooni ah oo kasoo hadhay dadkii hore. Wuxuu yidhi: Goonyahaygu waa dhagar guudkaygu waa xeel garayskaygu waa seef guntigaygu waa dil gudahaygu waa yool Weligay gu’ iyo dayr guul oomman baan ahay hantidayda gawriyo gabayooxna lagu beer dayaxay u gudubtaa anigana gelgelintiyo garab rarato kama baxo gadh wadeennadayduna giddi inan-la-yaal iyo guur-doonno weeyaan geyaankoodu waa damac utintayda lama gudo gashigayga lama bedo galladayda lama karo dibnahaa ka gaabsada guubaabadayduna kama foga guraa-baas Guuguule yeedhii. Badi waan gadoodaa Cidda aan galaaftaa guurtidayda weeyaan anigays gunaanada hadba waxan ku giirtaa guuleedka ii kaca geeddigaygu sahan ma leh geenyo hadaftey weeyaan goob-yaalka milicsiga gabar-gaalka lahashada gacan haadis bay dilay iyo laba gar-daymood gurrantayda bidixdiyo garabkayga midig baan midba gelin u jeestaa ka cabsaday god naareed jannadana ma geli karo gooddigooda ku anbaday duniduna gabaabsiday. Tiradaa gedmaysoo i galaa baxaysee maxaa goolal igu maqan? dheeshan laygu goobtee gefka lagu heshiis yahay mee gar-sooreheedii? Geeddu xeer ma leedahay? Mise waa lug iyo gacan labadaba ku garangari. Goohu yuu kasoo baxay guurowga yaa wadey, maxaa keenay gabayada? Inaan gabadh madow ahay cadrad lagu gabboodfalay malaa waad i garateen? Sheeko gaaban baa tidhi: “Nin ay gaajo haysaa guri yimi duleedkii soddoh garasho dheer uu gabadheeda qabay baa dhito godollo sheellayd ugu geysey meeshii… Isaguna guddoon yidhi, laysu guud mar toyashada caanaha gadhoodhaa inay guura-guuraha weelka gaararkiisiyo gunta badi ku ururaan waa ged lagu yaqaannee, godankii isugu tage… Isaguna ka geyn waa inuu dhiilka gororsado gacantana ma dari karo. Isagoo xil-gubashada u daruuray gaashaan Isma gabe wuxu yidhi: “Markii ay na gelayeen, waa nala gilgilayoo inta nala gun-dhebey baa afka nalaku gaacsaday…” wadnihiisu galow ma leh ku gadaangad ceebtii libintana ku geeraar xeeshiise lagu garay murti guun ah laga reeb. Jiiftada gar-dhaladka ah waxan uga gol leeyahay Allahayow gurracanaa marti goor xun socotood gobannimo ku soortoo kugu tidhi gun baad tahay! Markii aan garaaddaha taariikhda kala guray illaa gogol-dhiggiinnii galabtaad is-wacateen taladana in lay galo Baarliin ku goyseen Ilaa gooshkan maanta ah hadimada i gaadhiyo waxaad geysateen baan gocashada xasuustee maxaan reer Galbeedow godob kaa tirsanayaa? Mise gabawar mooyee tolow maba garowdaan! Maxaa gaasas duuliyo guutooyin xoogliyo gurmad leedda-fuuliyo guluf weerar tooxdiyo dabley gaatan socotiyo geba-geba i saarteen? Maxaan goor la seexdiyo habeenkoo gabbala-ridey laba gelin is-raaceen gaaf-meerka socotada iyo guura-bahallaha geesaaska fiintiyo galow foodhidiisiyo galayaxa rasaastiyo col gurguuranaayiyo gellimaad ku sara kacay. Maxaad gaade hoosiyo gurrac iyo shirqool. iyo tabo igu gantoobteen? Maxaad garan-gartaydiyo guryahayga bi’iseen Gacal iyo tol wada yaal gobol gobol u ooddeen laba aan is-gooyeen kala goonni yeesheen Maxaa laba gudboonayd midna garabka siiseen ka labaad u guusheen isku go’a tidhaahdeen Maxaa wiilal gaammurey intaad ugu guduuddeen ha galgalan tidhaahdeen Maxaa Gaanni ciidmiyo hanad aan gardaadshoon ku goblamay birayseen golxobkiinnu ku afuray Maxaa geesi aan dhalay inta gowrac mariseen gorgor baahan siiseen Maxaa inan gashaantiya gayaxaha ka siibteen milgadeeda gawsheen ka xil baxay gayaankeed Maxaad gaari weer xidhan godol-qaad ku daydeen Maxaa guul darraystiyo godadliyo hinaasiyo Gocor igu habayseen Giiba* sow nin ma ahayn? Geeskayga bari yimi Maxaad gacan ku dhiigliyo gibil kala tabooriyo garma-qaate dhegaliyo garac igu abuurteen? Maxaad good mariidliyo gungumiyo abeesiyo goodaaddo jidhifliyo garangoorri socotiyo inta bahal gurguurtiyo belo igaga guurteen. Maxaa gegi dabayliyo gocondhaley cagaagliyo galoofiyo candhooliyo geyi lama degaaniyo goonbaar habaasliyo guban lagu asqoobiyo gaajada rugteediyo gabno igu tilmaanteen? Goobtii harraadkiyo gurigii cadceeddiyo geedkii saboolkiyo gudcur maararrowliyo yaa go’doonka iga dhigay? adduunyada geddaas faray? gaasiray maxaan ahay? Maxaa gocayadiinniyo inta gaawihiinniyo gorofiga milaasheen gudhan iigu yeedheen Aaway guuyadaydii geeliyo lo’daydii faraskiyo gammaankii goolashaydi soocnaa? Aaway gaaxsantaydii dahabkii guduudnaa macdantii goshaydiyo gebiyada ku duugnayd? Warshaddiinna guuxdaa midhahay gadaysiyo miidday guntaysiyo ganacsiga abeerka ah xaggee looga soo guray? Guushkay tufaysiyo dheecaanka gabaxliyo xinjiraha galshaystiyo dhiigga gobo leh yayska leh? Immisaa gabaarrey iyo garab-cas igu koray? Maxaa gaatirtaydiyo galdaloolladaydiyo sida lay gabraartiyo garka laygu laylyiyo gedda lay salaaxiyo googgaa ku sabiddiyo gobortayda barateen? Dadku geed adaygiyo gudintay kol iyo laba lafa-geri ku dhuuxaan waxba kuma garaacdee miyaan tiinnu gaagixin? Maxaan geystay oo dhimay? Maxaan galabsadee falay? anigoo la gamashiyey gondahayga seetadu waxay haar ku gedeftiyo Gurgurkii i saarraa boqol gu’iyo taartaar anigoo gun iyo baar korku wada gunaad yahay anigoo la golongolay sida caynku ii gubay gubuxsiga tallaabada garba-beelay dhowr jeer goob-joogna ka ahaa galab noolba waxa dhacay anoo uur-guluuluca la gommoday dhibtaadii adoo gacan togaalaha gardarriyo is-yeel-yeel intaasoo gef muuqdiyo guul darrooyin igu falay maxaad weli guhaaddiyo gaadhka iiga haysaan? Maxaa gumuca boodiyo gaara-bidhaantiyo hubka iigu gibisheen? Maxaad saymo gadataa dab gamaaray hurisaa Maxaad gawsahaagiyo miciyada golxaystiyo ciddi wada garaara ah shaadh iigu gelisaa Maxaad geda-gedaysaa hadba geed is-marisaa Ummad geylameysoo gaarkooda taladii inta ay gorfeeyeen raba inay geyoodaan kuwa jira gadaashana gaadiid u celiyaan intaan gaasha-weyntiyo cawa-darantu soo gelin maxaa geeddigoodii gujis lama filaaniyo gal dad-liqa ku noqoteen? Hadba ruuxa goolmoon raba inad gunnaysaan ama guufaf timiriyo galley loogu sama-falo maxaa geeridiisiyo waran iyo gantaal iyo gaalleefu siisaan? U gurbaynta noloshiyo gacan-siinta nabaddiyo gudashada sidii roon maxaa kaa gabaanadey? Afartaas god madaleed gola-joog ku naanays Gaarriyow ka marag noqo ila gudubtay sheekadu geba gebana doontee bal aan soo gunaanado Ninka loo gol leeyahay isagaa is-garan kara sida goosan Weer belay igu gaabi tuurtuur igu gado sir iyo caad halkaad gaadho taagtaa Aniguna il-galaclaha is-gamaarintaydiyo gadh-salaaxa maahdiyo gama’aan hurdo lahayn goroddaan lalminayaa gabbashiyo ma aha quus gar-naqsaan ku jeedaa talaan gawda ku hayaa Inkastaad gamuurteen geedka aan ka beerrahay ma qallalin guntaydii ganto xidid leh baan ahay dab baan soo gadaal-celin Gebi-dhaca i haystiyo gaalgaalka dheelliga ku guddoonsan maayee waxaan goobayaa raad jidkii guusha aadmiga gelbiskiyo mashxaradaha gafi maayo hawlaan guryo-samo ku tegi karo goobannimo ku hanan karo. Guntashada xasuusaha gudashada habboonkay gabay gabaygan ciil-tira u ged-baxa falaadkay waxaan geysto magac-dheba Aan lahaanno goorteed.
- Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”
- Isku fillaansho dhaqaale: Waa in wax-soo-saarka dhulka, beeraha, xoolaha nool, badaha iyo warshadahaba la tacab-geliyo si la isugu fillaado, gaar ahaan dhinaca quutal-daruuriga.
- Madax-bannaani dhaqan: Waa in horumar kasta lagu saleeyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka. Lama arag umad horumartay ayada oo ay is-diidan yihiin dhaqankooda iyo horumarka ay rabaan. Looma baahna in dhaqan lasoo ergisto ee waxaa loo baahan yahay in aqoon lasoo guursado.
- Madax-bannaani siyaasadeed: Waa in aayo-ka-talinta umadda Soomaaliyeed aan loo dabo fadhiisan shisheeye, cadaawena iskaba daa hadalkiisa.
- Xasillooni guud iyo madax-bannaani nabadgelyo: Waa in la helo ciidan ummadeed oo tababarkiisa, qalabayntiisa iyo dhaqaalihiisuba ka madax-bannaan yihiin farogelin shisheeye. Waa in nabad-sugidda gudaha iyo debedduba noqdaan kuwo madax-bannaan oo aanay shuqul ku lahayn quwado shisheeye. Waa in la higsado heer qofku dareemo xasillooni.
- Madax-bannaani distoor: Waa in xeerarka iyo sharciyada umaddu yeelanaysaa noqdaan kuwo aan laga soo waaridin meelo kale ee si buuxda looga qaato shareecada Islaamka isla markaana la waafajiyo duruufaha iyo dhaqanka umadda iyo casriga la marayo. Sidoo kale waa in sharciga iyo xeerku si siman uga sarreeyo dadweynaha.
- Ka-xoroobidda iimaan-la’aanta ama musuqmaasuqa: Dadka Soomaaliyeed ee casrigan nool waxaa lagu ibtileeyey hunguri weyni, hunguri xumaan iyo iimaan-la’aan ilaa heer ay jid walba u mari karaan, dheef yar darteed. Haddii mushkiladdaa dawo loo helo goldaloolooyin badan ayaa awdmi doona.
- Ka-xoroobidda qabiilka: Si qabyaaladda looga dawoobo waa in marka hore nadaamka qabiilka laga guuro. Inta ay Soomaalidu qabaa’il tahay, qabyaaladdu waa Ina-Daanweyne!
- Ka-xoroobidda qaadka: Waa in maandooriyaha qaadka laga xoroobo ilaa la helayo Soomaali aan idilkeedba qayilin, qaadkuna ka caaggan yahay dhulalkooda, ganacsi ahaan iyo beerisba.
- Midnimo dhinac walba ah: Waa in natiijada halganku noqdo midnimo buuxda oo shisheeyaha laga midaysan yahay loona midaysan yahay. Wakhtigan xaadirka ah midnimo siyaasadeed iyo mid dawladnimo lagama dhigan karo yool dhow. Laakiin waa in laga shaqeeyo midnimo dhaqan iyo madaxbannaanida qof kasta, koox kasta iyo deegaan kasta oo Soomaaliyeed xitaa iyagu yaanay nadaam mideeya wada lahaane.