Aanadii Negeeye

Sheeko

© Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd” 2013
Xuquuqda buuggan idilkeed waxaa leh qoraaga ku magacaaban. Dib loo ma
daabacan karo si kalena loogu ma tagrifali karo iyada oo aan isaga laga helin oggolaansho qoran.

Aanadii Negeeye

Daabiciddii 1aad
ISBN 88-88934-05-7
Talyaaniga

Daabicidda 2aad
ISBN 978-14-944680-4-0
Iswiidhan

Ibraahinhawd@hotmail.com
www.ibraahinhawd.com

©Cover page The Tragedy by Mohamed Buwe Osman, Visual Artist & Physician.

FIIRO! Aanadii Negeeye daabacaaddan dambe meelo door ah ayuu qoraagy higgaadda u beddelay si waafaqsan qorista habboon ee af soomaaliga. Laakiin haba yaraatee waxba laga ma doorin hadalka sheekada.

1

Waa Xamar oo sii dhimanaysa, dal dhan ayay se ugu nolol dambaysay. Laakiin isagu ma aha nin waxaas u diiraya. Beri fog ayuu nidar ku galay wax aan dantiisa ahayn in aanu xaalayn.

Fillo xaafadda Booliqaran ka qotonta beerteeda ayuu kursi dhabar jiifsi leh ku dhacadiidaa. Waa caways gudcur ah. Cirka madow ee daruurta ka qaawan waxaa la moodaa xiddiguhu in ay intii hore ka badan yihiin kana waaweyn yihiin. Lo’da iyo laxaha oo galbeed miranaya ayaa si fiican loo arkaa, iyo Awrkacirka oo gelgelintii fadhiya. Badweynta Xamar dhinac jiiftaa wax ay soo afuufaysaa neecaw kulaylkii maanta jiray lagaga nefisay. Laakiin waa neecaw isaga ku abuuraysa baqdin u eg tii uu dhallaannimadii dareemi jiray. Markii uu yaraa wuxuu moodi jiray neecawdan oo kale in ay tahay neefsasho libaax, baqdin ayuuna bawdyaha isla dhici jiray. Waxay ahayd xilli fog iyo carruurnimo, carruurnimana waa ciil laga weynaaday oo ceeb ku ma aad lahayn, ayuu isugu caqli celiyay.

Xabbad sigaar ah oo faraha ugu laabnayd inta uu si qoddo dheer u nuugay, qiiq uu dalqada ku raajiyayna sambabbada muggood soo afuufay, oo yar qufacay, ayuu sidii caadada u ahayd isaga oo aan bakhtiin hortiisa ku maguujiyay, mid kalena shitay, dabadeed feker dheer shaarubaha miiqay. Beerta uu fadhiyo xalay ayuu ilayskii ka gubtay welina ma uu beddelin, ka maba uu fekerin. Iftiinka yar ee wejiga ka hayaa wuxuu ka soo baxayaa kadinka aqalka oo shan tallaabo u jira.

Gurigan uu caawa fadhiyo dhacdooyin badan oo xusuus leh ayuu uga soo joogay. Magac been u ma baxo ee waa sababta loogu naanaysay Fillo Adduun. Laakiin waaba habeenkii ugu dambeeyay. Iyada iyo Soomaaliya oo dhan berri ayuu ka tegayaa. Muxuu se ka la tegayaa ama kaga tegayaa? Taas ma uu rabin in uu ka fekero ee mustaqbalka ayaa kaga daran oo uu islahaa bal sii yar qooraanso. Laakiin mustaqbalku waa jirjirroole boqol weji leh, waxii laga saadaaliyaana waa uun nasiib.

Waa nin weyn, nin weyna waa ku waajib in uu waxa soo socda sii oddoroso. Isagu se tagtada ayuu ka jecel yahay in uu ka fekero timaaddada. Haba xanuun badnaatee iyada ayuu yaqaan. Caawa wuxuu ku talo jiray in uu maalmaha ku soo socda wax ka sii qiyaaso, laakiin waa kaas xasuuso hore dib ugu noqday; waa kaa sidii caadada u ahayd raadkiisa dib u raacay. Waa xasuuso had iyo jeer isaga oo aan filayn sida daadka mooska soo jabsada. Waa xasuuso uu necbaa laakiin iyagu jeclaa oo aan ka tegin. Malaha jawiga mugdiga ah iyo neecawda dhacaysa ayaa caawana mar kale maskaxdiisa dib u hayaamiyay?

Mar kasta oo uu noloshiisa dib u raadguro wax ay la gashaa Damalweyn. Tuulada magacaas leh iyo miyigeeda uu ku dhashay kuna barbaaray ayuu sawirradii ugu horreeyay ka soo helaa. Wuu se og yahay jiritaankiisu in uu ka fog yahay xasuusta maskaxdiisa. Waxaa ka horraysay dhalashadiisa.

“Caways gudcur ah oo ay dabayl qabowi galbeed ka soo dhacaysay ayaad dhalatay”, waxaa isaga oo carruur ah sidaas u sheegi jirtay hooyadii Dhool Warfaa. ”Wuxuu ahaa jiilaal ay beeshu taallay meel dhirta soogsoogan ee madmadow la moodo soomaali qaaqaawan oo caato ah. Markii ay cadceedda ilayska iyo diirrimaadku ka sii dhammaanayeen ee ay godkeeda u sii tukubaysay, waxaa habaas ku qariyay xoolihii beesha ee soo xeroonayay. Qorraxda oo soo jeedda ayuu libaax duleedka hiinraag kaga dhuftay, ciyowga iyo fiintuna ci dheer isugu jiibiyeen.

Gole aqallada ka baxsan ayay ragga beeshu iyaga oo doonyaysan oog hareeraha ka xeernaayeen. Weli waxaa la sii xog waraysanayay sahankii daallanaa ee galabtaas talada hayaanka keenay. Geeddi waa la guddoonsaday waxaa se laga sii dooday qabanqaabada. Dabadeed waxaa la maqlay cod gabdheed oo leh: ’Waa wiil! Waa wiil!’ La ma moogayn haweenayda caawa ummuli kartaa in ay tahay aniga, adiga ayaa se ahaa waxa soo kordhay.

In kasta oo aad islaantii ku qabatay sida xananka u xagatay, sidii ilmo dhashay lagu yaqaannay marna ma aad ooyin. Cabbaar baa la wada aamusay oo aan raamsiga xoolaha iyo taahayga mooyee cod kale la maqlin. Dabadeed goor dambe ayuu odaygii beesha, oo ka mid ahaa raggii golaha cawayska fadhiyay, cod dheer oo la wada maqlay ku yidhi: ‘Waa oommane! Waa guri cabsiyeed! Si kasta ha ahaatee ninka dhashay ha loo mashxarado, gool ha loogu wanqalo, beeshuna ha negaato, isagana, waxa uu inoo negeeyay Allaa oge, Negeeye ha loo bixiyo’.”

Hooyadii Dhool marka ay dhalashadiisa sidaas uga sheekaynayso waxay jeclayd in ay labadooda oo keliya ahaadaan. Isaguna wuxuu dareemi jiray jawi barakaysan haddana qumaynimo ku dheehan. Waxay ku hadli jirtay cod gaaban oo khushuuc leh, sida marka ay wadaaddadu ka sheekaynayaan geeridii Nebiga. Markaas wuu u dhowaan jiray dhegahana u raaricin jiray si aan waxba u dhaafin ayaandarrada ay ka hadlayso. Waxay kale oo u sheegtay:

“Go’aanka odayga ee negaanshuhu wuxuu abuuray muran raggii beesha u ka la qaybiyay koox taageersan iyo koox diiddan. Aabbahaa, Eebbe iilka ha u waasiciyee, ma uu garawsan habeen uu boqolle curad u dhashay in ay ragga qaar macne la’aan ka soo qaadaan, geeddina ku adkaystaan, sidii waxa dhashay uu yahay orgi dhicis ah ee aanu dadba ahayn. Dabadeed isaga iyo Goodir ayuu murankoodu dheeraaday. Goodir, nolosha ifka Eebbe ha ku cidhiidhyo aakhirana ha ku cadaabee, cidina ma ay moogayn cadaawadda uu Alle-u-naxariisayga u qabay. Waxaa ka buuxay ciil ka soo jeeday caddalloolkii kuraynimo.”

Goodir. Wuxuu ka mid ahaa dadka uu Negeeye aadamiga ugu hor bartay. Wuxuu ahaa nin dheer oo da dhexaad ah. Had iyo jeer wuxuu isku jeeniqaari jiray qori Reyfal ah iyo kishad rasaas ah. Wuxuu ka mid ahaa reer miyiga tuulada.

“Marar horeba geed baa lagu ka la xidhay gartooduna waxay ahayd joogto”, ayay Dhool ugu dartay, ”waxaa se habeenkaas gacankudhiiglaha dheeraad u ahaa qoriga xun ee uu weli sito kaas oo uu beryahaas yeeshay. Gacan ha la isu la tago Goodirna si xun ha loo legdee, markii la ka la qabtay godob naf loo gooyaa goobta ma ay ool, isaguna markii uu hoygiisa galay wuu hurdo tegay mooyee hub ayuu doontay cidiba hammiga ma gelin. Gacantii go’day, markii uu qori cabbaysan golihii ku la soo dhex dhacay iyo markii marxuumka oo mayd ahi dhulka u dhacay waqtiba u ma dhexayn.”

Sidaas ayuu habeenkii uu Negeeye dhashay aabbihii u dhintay. Hooyadii Dhool wax badan ma ay sugin ninkii wadku ka qaaday nin kale oo illawsiiya oo dhinaca gogosheeda bannaanaaday u buuxiya. Markiiba waxaa dumaalay nin reer miyi ahaa xaas horena lahaa, kaas oo iyada iyo inankeeda u kaxaystay beel Damalweyn ka durugsan. Markiiba Dhool nolol iyo reer cusub ayay isku duwatay. Laakiin Negeeye weligii aabbe kale ma yeelan, ninka qalaad ee guriga soo galayna dareenka xanuunka leh ee agoonnimada waxba ugama tarin.

Markii uu isagu toddoba jirsaday saddex ilmood oo kale ayay Dhool lahayd. Walaalihii marka uu aabbahood dhabta ku hayo, ka ugu yarna Dhool nuujinayso, wuu dhaxamoon jiray oo moodi jiray in la nacay. Mararka qaar hooyadii ayuu gosha iskaga tuuri jiray si uu xuquuqdiisa ilmannimo wax uga helo. Laakiin Dhool oo kuwii isaga ka yaryaraa la liidata ayaa ku odhan jirtay: “Hooyo Negeeye, walaalo kaa yaryar baan hayaaye adigu nin weyn baad tahaye orod meel fadhiiso.” Dabadeed sidii gabyaa caydh ah ayuu cidla yaxoobsan jiray, oo dareemi jiray agoonnimo xanuun leh.

Isla gugii uu toddoba jirsaday ayaa shaqada geela laga hawl geliyay, oo inta ul isaga ka dheer loo dhiibay lagu yidhi: “Orod geela wax ka raac!” Maalintaas ka dib wuxuu noqday qurbac geela ka mid ah oo meesha uu maraba la mara, inta uu biyaha ka qado la qada, waxii uu la kulmana la kulma. Waxay ahayd nolol arxanku ka dheer yahay oo ku dhisan tartan iyo loollan joogto ah. Kurayo la moodo in cadaabta lagu soo abuuray ayuu maalin walba la kulmay. Hurdan, legdan, beratan, bootan, ultan, caraatan, waxaas iyo wax la mid ah ayaa joogto u noqday.

Markaas uu geeljiraha noqday, ee caqliyaystay, ayuu la soo baxay dabeecad xumo, xanaaq badan iyo dhego adayg. Taasi qoyskii waxay ka dhex aloostay kacdoon iyo khilaaf, ilaa ay Dhool iyo ninkeedii ku sigteen in ay ka la tagaan. Sidee xeego loo xagtaa ilkana u nabad galaan? Dhool waxay ka fekertay sidii ay ninkeeda iyo curadkeeda u ka la ilaalin lahayd reerkeedana burbur uga badbaadin lahayd. Ugu dambayn waxay talo ku gaadhay: “Negeeye, waxaan kuu geynayaa ayeydaa Dahabo. Qur’aanka ayaad baranaysaa, marka aad weynaatana waxaad noqonaysaa wadaad.”

Islaanta Negeeye hooyadii dhashay ee loo geeyay waxay raqaye tuulada Damalweyn ganacsi aad u liita ku haysata. Ma ahayn ganacsi dhaafsiisan cusbo, irbado, dun, xawaash, cusbur, cillaan iyo qunjuraaf la mid ah. Waxay ku noolayd mutul yar oo hooy iyo dukaanba u ah, halkaas oo ay aad uga soo uraan waxyaalaha ay ku iibiso ama beri hore ku iibin jirtay. Halkaas ayay Negeeye ku soo dhowaysay oo cuntada ugu karin jirtay, habeenkiina sidii gorayo dhal haysata gosha gabowday dhaxanta ka gelin jirtay.

Taariikhda Damalweyn wuxuu ka bartay ayaydii Dahabo. Intii aanay tuuloobin waxay ahaan jirtay degaan caan ku ah daaqa xoolaha, caws iyo caleenba. Sannadkii 1916-kii ayuu nin degaankaas u dhashay markaana Cadan ka xoogsan jiray doon ku soo dhacay, wuxuuna kayntii Damalweyn tiirka u qotomiyay rug ganacsi oo ka kooban makhaayad shaaha laga cabbo iyo dukaan laga helo waxyaalihii ay reer guuraagu u baahnaayeen. Markiiba waxay noqotay meel cammiran oo ganacsi aad u firfircooni ka socdo, isla markaana xarun lagu kulmo oo ay dadku wararka isku dhaafsadaan. Nin kale iyo nin saddexaad ayaa iyaguna dukaammo ka furtay. Haweenay magaalo ka soo guurtay ayaa iyaduna dhar, dahab, kuulo, uunsi, cillaan cadar iyo waxii ay dumar jeclaayeen oo dhan keentay. Kabotole iyo tumaal ayaa iyaguna saamaha iyo soofaha dhigtay. Shirkad adhiga iyo hargaha iibsata ayaa xarun ka dhigatay. Dabadeed waxay noqotay tuulada ugu cammiran degaankeeda oo dhan.

Damalweyn ma ay lahayn, u mana dhoweyn, biyo joogto ah, sidaas darteed xilliga abaarta ma ay ahayn meel qurux leh, dad iyo duunyo waxa ku noolina darxumo ka ma badbaadi jirin. Isla beryahaas ay tuulada noqotay ayaa laga qoday dhawr berkadood, kuwaas oo in uu jiilaal dheeraado mooyee roobka xiga lagu gaadhi jiray. Xaaladda nololeed ee degaanka ee sidaas u qallafsan waxa ugu weyn ee laga fekeraa wuxuu ahaa helista biyo iyo baad xoolaha la daaqsado.

Damasha waaweyn ee Damalweyn magacu ugu baxay ee hareer walba kaga xeeran waxaa galaa bixi jiray, oo sidii daruur xagaa marba dhan isu la dillaami jiray, shimbiro ka la noocnooc ah. Xilliga diraacda marka ay ugu foolxun tahay la ma waayi jirin neecaw sidda udgoonka manka (ubaxa) damasha. Xilliga roobkana waxaa la arki jiray jeegaan dhigdhexo u eg oo ku dhereran daruurta madow iyo mahiigaanka bari ka soo gurguuranaya. Inta aanay dhibicda roobka ee loo riyaaqay barta saarin waxaa ka soo horrayn jirtay saxansaxo xoog leh oo nafta farxad gelisa. Ugu dambayn marka ay daruurtu bururto reer damalweyn jacaylka ay roobka u qabaan waxay qoorta ka soo ridan jireen daaqadaha iyaga oo daawanaya dhibicda la dagaallamaysa cadawga abaarta. Marka uu roobku qaado waxaa soo rogman jiray iliilo daad ah oo ahaa farxadda ugu weyn iyo xasuusta ugu qurux badan ee carruurta.

Marka ay dhulka meeshii godanba biyo fadhiistaan, ee dooggu baxo, ee xooluhu dhalaan ee irmaanaadaan, dadku sidii ay cudurka illawshaha wada qabaan ayay illaawi jireen jiilaalkii adkaa ee dhaafay iyo ka soo socda labadaba. Markaas ayay geli jireen nolol dhalanteed u eg. Meel walba waxaa laga qotomin jiray aroos cad, habeen walba waxaa isu bixi jiray jiibta iyo jaanta cayaaraha, waxaana la isu tirin jiray maanso faan, xifaale iyo haasaawe intaba leh. Qurux janno ah oo ay Dahabo sheegto in dhulkaasi lahaan jiray Negeeye iyo inta la faca ahi ma soo gaadhin. Waa dhul bir iyo baabbaco lagala daalay. Dhismayaasha tuulada oo dhan tiirarka ku wada qotoma meel kale laga ma keenin ee waa dhirta midba kii uu ka weynaa kana toosnaa oo gunta laga soo gammuuray.

Gudaha Damalweyn dadka ku nooli ka ma badnaan jirin boqol qof, laakiin dadka cammira ee ay ku dhisnayd waxay ahaayeen reer guuraaga aroortii soo gala galabtiina ka ka la carraaba. Tirada reer guuraaga yimaadda qudheedu waxay ku xidhnayd xaaladda degaanka iyo xilliga la joogaa aaran iyo abaar ka uu yahay.

In kasta oo ay tuulada wada degi jireen laba qabiil oo ay colaad guun ahi ka dhexaysay, haddana sidii loo dhisay waxay ahayd meel xasilloon. Marar badan dhiig wuu ku daatay, rag labada cidood ku kala abtirsadana nafta waa lagaga jaray, hayeeshee weligeed balaayo guud oo labada qolo isku dhufataa ka ma dhicin.

***

Duqayda beelaha ka dib awoodda ugu weyn waxaa lahaa Aw Faarax oo dhammaan shaqooyinka diinta keli ku ahaa: imaam, macallin, mufti, wacdi, meher iyo furriin, dhaxal, fasirka riyada, abaabulka siyaarada, qorista qardhaasta, tufidda tahliisha iyo oddoroska qiyaamaha. Haa, xataa oddoroska qiyaamaha. Wadaadku wuxuu ahaa codkar marka uu furo baabka cadaabta iyo ciqaabta Rabbi awood u leh in uu cabsi iyo argaggax dadka gilgilo. Sidaas si la mid ahna farxad wada ruxa marka uu dhex galo baabka jannada iyo togagga bishaarada. Labadaa daaqadood ee uu dadka aakhiro ka tuso hadba ta uu furayo waxaa u sabab ahayd dantiisa maalintaas. Tusaale ahaan haddii ay dadku ka jeestaan allabariga iyo siyaarada awliyada, taas oo uu isagu lufluf badan ku qabay, wuxuu xasuusin jiray dunida in waqtigeedii dhammaaday oo shiigii la galay, oo sidii derin laga toosay dhakhso loo duubi doono.

In kasta oo ay taasi marar badan beenawday haddana mar kasta oo ay dadku maqlaan baqdin cusub ayaa ku bilaaban jirtay, xoolaha ayayna birta ku boobi jireen, dheryo waaweyna dabka ku la yaaci jireen. Aqal walba waxaa ka bixi jiray qiiq udgoon ducada Aw Faarax ayaana la ka la boobi jiray. Isaguna waa sidii uu rabaye maalmahaas caloosha iyo jeebabka ayuu buuxsan jiray.

Maxaa looga baqi waayay oo loo qaddarin waayay ma cid aan isaga ahayn baa ammuuraha Ilaahay ee dahsoon ka war keeni karta? Ma cid aan isaga ahayn baa warbixin sidaas u tifotiran ka sheegi karta dhulal badaha ka shisheeya, meelo cirka ka sarreeya ama dhusunka ka hooseeya iyo dhacdooyin xasuusta iyo waaya’aragnimada daka ka baxsan? Ma cid aan isaga ahayn oo reer damalweyn ah baa boqol afar iyo tobanka Qur’aanka iyo axaaddiis badan dusha ka haysa, iyo weliba mowliidka? Miyayba jirtaa cid aan isaga ahayn oo inta ay kitaab ka la furto farta madmadow ee ku qoran wax ka macnayn kartaa? Ma waxaan yaab lahayn nin soddon arday oo midba Qur’aanka meel ka marayo isku mar dusha uga yeedhinaya, isaga oo aan aayad keliya mid kale ku qaldin? Waa ninka ay toban arday isku mar casharka uga baxayaan, ee ka xaraf keliya higgaad ka qalda dhegta soo qabanaya.

Aw Faarax sidaas ha loo sharfo, ha looga dambeeyo, awooddaas badanna ha lahaado, waxaa se jiray golayaal aanu foodda soo gelin. Gaar ahaan haddii arrin dagaal laga hadlayo, ama laba nin iyo laba reer loo garnaqayo, isaga iyo dumarku waa ay u sinnaayeen. Haddii uu maqan yahay la ma tebo haddii uu joogana la ma tiriyo. Cidina u ma diiddo ee isaga ayay dantiisa lid ku tahay. Xoolaha xerada ugu jira neefba reer ayuu ka soo xidhay, hu iyo hooy waxa uu hanti lee yahayna shayba qof ayuu ka helay, sidaas darteed dhexdhexaadnimada in uu ilaaliyaa waa ku waajib.

In kasta oo marka uu dadka waaweyn la dhaqmayo xushmad badnaa, marka uu malcaamadda joogo wuxuu ahaa qof kale, had iyo jeerna waxaa la arki jiray isaga oo ul dheer carruurta ku la dhex jira. Carruurtu sinaba u ma ay jeclayn oo naxariis la’aan darteed waxay u bixiyeen “Xayle Selaase”.

Malcaamaddu waxay ahayd cariish ka dhisan tiirar iyo caws. Albaabka waxaa labada dhinac kaga meegaarnaa ardaa ka samaysan laamo geedquwaax dhulka lagu taagay oo inta ay baxeen dhir noqday caws iyo duurna lagu dugsiyay. Ardaagaas ayaa aroorta iyo fiidka oog laga shidi jiray ardayduna hareeraha ka fadhiisan jireen. Halkaas ayay Qur’aanka kor ugu qaylin jireen si Carshiga looga maqlo.

Tirada ardaydu waxay ku xidhnaan jirtay hadba xaaladda nololeed ee degaanka iyo beesha deggani inta ay la’eg tahay. Haddii ay roob la’aani degaanka ka dhacdo, oo ay beeshu dhul kale u naqraacdo, carruurtu iyaduna cidahooda ayay raaci jirtay.

Malcaamaddaas ayaa Negeeye lagu daray. In kasta oo uu bilawgii xiiseeyay markiiba wuu ka daalay, gaar ahaan wuxuu necbaystay usha ma naxdada ah ee macallinka.

Aw Faarax walow uu sidiisaba ardayda u arxan darraa, ushiisa kululi waxay Negeeye uga dul dhaqaaqi wayday yarku wuu gurranaa. Haddii uu qalinka gurta ku qabsado inta uu ul xanuun badan ku jiido ayuu ku canaantaa: “Midigtu ku go’day ee diinta midigta ku qor!” Dahabo qudheedu haddii ay aragto isaga oo gurta wax ku cunaya ama ku qabsanaya sidaa si la mid ah ayay u canaanan jirtay. Dabcigaa uu ku dhashay in uu beddelaa u ma fududayn, sababtaas ayay dhengedda macallinku joogtu ugu ahayd. Gureynimadu in ay tahay dhalan aan dhib ku jirin la ma garawsana, ee mar haddii uu Nebigu midigta u dardaarmay waxa bidixda loo adeegsadaa waa shar, sheydaanka oo keliya ayaana bidixda ku shaqaysta. Sidaas ayuu Negeeye gacantiisa bidix u la colloobay oo cuqdad uga qaaday. Marka uu arko isaga oo ogaan la’aan wax ugu qabsanaya inta uu naxo ayuu degdeg u beddeli jiray.

Bilawgii waxaa ku adkaatay ka la garashada labadiisa gacmood, baqdin joogto ah ayaana ku dhalan jirtay mar kasta oo uu meel macallinka iyo Dahabo ka arkayaan wax ku qabsanayo. Waxaa se caawisay oo uu ku calaamadsaday bar uu faryarada bidix ku lahaa, taas oo uu u la baxay “barta sheyddaanka”. Gacanta uu wax ku qabsanayo horta wuxuu ka eegi jiray in ay tahay tii lahayd “barta sheyddaanka” iyo in kale. Qunyar qunyar ayuu dabadeed u caadaystay in ay midigtu noqoto ta uu sida tooska ah u adeegsado. Ha ahaatee nacaybkii uu berigaa bidixda u qaaday weligii ka ma uu bixin. Dugsiga sidaas ah sinaba u ma uu jeclayn. Mar haddii se ay carruurta kale oo dhamiba dhigtaan ka ma fekeri jirin wax aan ahayn in uu marba jus dhammeeyo, si ay Dahabo xaflad yar oo timmir, bun, salool iyo nacnac ka kooban ugu samayso. Sidaas ayuu laba sano looxa u sitay, ulaha kulkulul ee macallinka iyo aayadaha adadag ee Qur’aankana ugu dul qaadanayay.

Ardayga jus dhammeeya macallinku wax uu ka qaadan jiray sabeen ama qiimo u dhigma, ka Qur’aanka khatimana qaalin geel ah ama qiimo u dhigma. Ha yeeshee labada jus ee uu Negeeye dhammeeyay midna habartu wax muuqda ka ma ay siin. Maba ay haysan. Aw Faarax qudhiisu mar haddii uu xaalka habarta ogaa wuxuu iska iimaansaday martiqaad cunto ah iyo sarrif yar oo ay Dahabo dulaca ka soo furtay. Waxii uu maanta waayo in uu maalin kale helayo ayuu ku niyadsan yahay. Dadka uu Qur’aanka baro inta ay ifka ku wada nool yihiin abaal ayuu ka maali doonaa, waxii uu ka waayaana waa dhito aakhiro u taal.

Waa dabiici koox kasta oo carruur ah muddana meel wada joogta in uu loollan ka dhex dillaaco, dabadeed qunyar qunyar loogu ka la miirmo in la muquuniyay iyo in wax muquunisa. Kooxda wax muquunisa qudheeda ayaa isa sii ka la reebta ilaa uu ka soo baxo mid aan laga daba hadlin. Khasab ma aha kaasi in uu yahay ka ugu da weyn ama ugu xoog badan. Mana noqdo ka ugu debecsan ee ugu nabad jecel. Badanaa waa mid shar badan oo aan baqin fadqalalladana ka wahsan.

Negeeye markii uu malcaamadda isaga oo sagaal jir ah bilaabay ardayda inta ka yaryar iyo inta ka waaweyni qiyaastii waa ay isla’ekaayeen. Laakiin mid ka yar iyo mid ka weyn, mid uu isagu daandansado iyo mid isaga soo doonta, mid uu isagu dakhro iyo mid isaga dila, bilawgii intooda badan waa ay isfarosaareen. Noloshii geeljirnimada ee adkayd iyo tan malcaamaddu waxay u yeeleen dabci qallafsan oo dirir u joog ah, wuxuuna noqday qof aan nixin oo damqan. Gugii u kordhaba wuxuu sii noqday macangeg qalqaalli ah, ilaa ay carruurta kale, xataa kuwa isaga ka waaweyni, eray ku soo celin kari waayeen. Dhammaan dhinac ayay ka wada noqdeen. Si ay sharkiisa uga nabadgalaan ayay wanaaggiisa wada gooyeen.

Gaarka laga wada dhigay iyo gooniyayntu sida la fili karo Negeeye ku ma ay abuurin kelinnimo ee isaga waxaa uga muhiimsanayd in ay carruurta kale ka baqayeen oo aan midkoodna ku soo dhici karin. Taas ayaa u suurto gelisay in uu malcaamadda iyo macallinka uu aad necbaa u dulqaato. Saaxiibka keliya ee uu yeeshay wuxuu noqday Diiriye, yar dalbo leh oo ay isku da ahaayeen, kaas oo uu dhalay dillaalka Damalweyn.

Diiriye oo lagu naanayso Dalab Negeeye wuu ka dabeecad furraa, qudhiisana bilawgii marar badan ayay isdileen. Laakiin dagaalkoodii ugu dambeeyay waa kii ay ku saaxiibeen. Maalin ayay tuulada debeddeeda dhulka ka heleen shilin lacag ah. Run ahaantii Diiriye ayaa hor arkay lana booday. Laakiin Negeeye damac badni darteed ayuu lacagtii isjeclaysiiyay, wuxuuna ku dooday in uu isagu hor arkay. Waa ay isdileen oo ilaa gabbaldhacii marba mid la legdayay. Meeshu waxay ahayd bannaan ciid ah, sidaas awgeed midkoodna ma haleelin gacanqabsi, wax weyna isma ay yeelin.

Negeeye sheegashadii gardarrada ahayd waddo cad baa laga mariyay, wuxuuna ku dhaartay in uu maalin kale aarsan doono. Waxa ay se ahayd dhaar taagwaa. Goor dambe iyaga oo wada socda, oo aan cabbaar wada hadlin, ayuu Diiriye si lamafilaan ah shilinkii Negeeye ugu soo taagay oo ku yidhi: “Aniga ayaa helay, laakiin hoo iska qaado.” Negeeye lacagtii wuu qaatay, wuxuuna ku abaalguday in uu la qaybsado.

Diiriye runtii Negeeye lacagta u ma uu siin in uu ka baqayay, waayo haba ka rabshad badnaadee ka ma uu adkayn. Waa ay isugu baxday oo wuxuu rabay in uu ka dhigto saaxiib uu ciyaalka kale iska celintooda u kaashado. Negeeye qudhiisu mar haddii aanu asxaab kale lahayn wuu dareemayay in uu saaxiibtinimada Diiriye u baahan yahay. Dhanka kalena dabeecadda Diiriye ayaa ahayd in uu wax lamafilaan ah sameeyo. Ma jecla gacan ka hadalka, wax walbana dhakhso ayuu u illaawaa, awood aan caadi ahayn ayuuna u lee yahay xaalad kasta oo taagan in uu mid kale u rogo. Dhakhso ayuu isu beddelaa, oo haddii ay qof kale wax isku khilaafaan waa ay fududdahay in uu abuuro arrin tii hore meesha ka saarta. Sidaas darteed waa ay adag tahay in ay cid isku dhacaan. Debecsanaantaas Diiriye ayaa ah sababta ugu weyn ee isfahamkooda, iyada ayaana burburisay macangagnimadii Negeeye.

Diiriye isaga oo toddoba jir ah ayaa la guday, waana arrin muhiim u ah marka ay isaga iyo Negeeye oo aan gudnayni isqabtaan. ”Maxaan buuryoqab ka la hadlaa!” ayuu ku xifaaleeyaa. Negeeye wax kasta iyo si kasta oo kale Diiriye ha isaga celiyo, wuu se og yahay buuryoqabnimadu in ay tahay xaqiiqo aanu iska difaaci karin.

Isaga oo taa khaati ka jooga ayuu dillaalka Diiriye dhalay oo ay dadka Damalweyn isugu xigaan maalin ku yidhi:

“Adeer, waxaan doonayaa in la i gudo.” “Waa diraac ee bal aynu dayrta dhawrro”, ayuu ugu jawaabay. Wuu fahmayay waxa dayrta iyo gudniinka ka dhexayn kara. Wax kasta oo muhiim ah waxaa la qabtaa xilliga barwaaqada ee cadka, caanaha iyo subagga laga haqab la yahay ee la deggan yahay. Laakiin dayrtu isaga aad ayay u la fogayd, kun xifaale oo Diiriye iyo carruurta kale ah ayaa ka sokeeya.

Maalintii ay isaga iyo Diiriye shilinka qaybsadeen Negeeye wuxuu iibsaday makiinad, guriga ayeydiina wuxuu ka qaatay miiq dun ah iyo in isbiirte ah. Dabadeed aroor hore markii waagu caddaaday qorraxdu se weli soo bixin ayuu tegay meel tuulada ka baxsan. Xabbad caleen ah inta uu geed balanbal ah ka goostay, oo xajiinta ka nadiifiyay, oo dhexda ka dalooliyay, ayuu agtiisa dhigtay. Inta uu guntiga furtay, badhidana dhulka dhigtay, ayuu buuryada duntii afka kaga giijiyay. Markii uu duntii gacanta bidix ku jiiday ee ay buuryadii xubinta inteeda kale ka soo dheeraatay ayuu makiinaddii oo gacanta midig ugu jirta si xoog iyo degdeg ah laakiin taxadder leh ugu dhuftay. Markii uu cad madow oo foolxumi duntii la go’ay ayuu nabarkii oo dhiig ka soo booday markiiba isbiirtadii ku shubay, dabadeed caleentii uu dhexda ka dalooliyay dib ugu gufeeyay, ilaa ay goobadii nabarka ahayd gadaal isugu ururtay. Intaas ayuun bay ahayd. Wuu xanuunsaday laakiin ma ooyin.

Maalintaa ka dib halkii uu awal Diiriye in uu gudan yahay ku faani jiray Negeeye ayaa ku faanay in uu isagu isguday.

***

Carruurta uu Aw Faarax wax baro waalidka dhalay aroortii ay u keeneen ayay ku la heshiiyeen inta uu gacanta ku hayo in uu hilibkooda lee yahay iyagana lafaha u reebo. Jimce walba waxay soo guraan ulihii toddobaadkaas lala dhici lahaa. Ka xujooba inta indhaha laga duubo ayaa jidhkiisa dhaylada ah oo qaawan dhenged lagu jejebiyaa, ama ilmaha kale lagu amraa in ay qandhuufo ku googoostaan, taas oo ah ciqaab loo yaqaan washamsi. Ka casharka ka bixi kari waaya intaas waxaa loogu daraa in oonta laga soomiyo. Waxaa la rumaysan yahay in sidaas diinta lagu baran og yahay. Malag Jibriil markii uu Nebiga waxyiga u keenay waa kii sida ba’an u gilgilay, ayaa daliil laga dhigtaa.

Arbaca walba fiidka waxaa la isu qaybiyaa saddex kooxood oo ay midiba Qur’aanka meelo isu dhow ka marayso, dabadeed subcis loo yuurursadaa. Negeeye iyo Diiriye isku koox ayay noqdeen waana ay isdhinac fadhiisan jireen si marba ka aayad ama eray ku hakada ka kale hoos ugu sheego. Haddii uu macallinku taa maqlo ka wax sheegay iyo ka loo sheegay waa isku denbi, waxaana ku hoorta usha kulul ee saddexda kooxood marba mid dul hoganaysa.

Aw Faarax isaga oo carruurta sidaas ugu gacan kulul, isla markaas qalqaallinnimada Negeeye la socda, haddana laba arrimoodba intaa xasuusta wuu ku hayay: Negeeye in uu agoon yahay iyo isaga, Aw Faarax ahaan, in ay Goodir ilmo adeer yihiin, ninka Negeeye aabbihii gacantiisa loo tirinayo. Yarka qudhiisu isaga oo sidaas u yar ayay dadka Damalweyn ku nooli u ka la soocnaayeen, qof walbana inta ay isu jiraan iyo sida ay isu xigaan ama aanay isu xigin wuu bartay. Taas darteed Aw Faarax iyo Goodir in ay ilmo adeer yihiin wuu og yahay. Arrimahaas oo dhan dartood malcaamadda iyo macallinka aad ayuu u necbaa, wuu se u dulqaadan jiray jeer la gaadhay subaxdii dulqaadku dhammaaday.

Waa sabti, macallin Qur’aankuna sidiisaba sabtida wuu sii arxan daran yahay, oo waa sababta beri fog loogu bixiyay “sabti serged qooqan”. Ardaydu iyaga oo oogta ku xeeran ayay akhriska ku qaylinayaan. Macallin Faarax oo salaaddii subax soo tukaday waa kan. Sidiisii ayuu ul baas dabada haystaa oo la haliilayaa. Markiiba carruurtii ayuu garaacid ku bilaabay, si uu sheyddaanka iyo hurdada uga kiciyo. Negeeye xalay qadoodi buu ku seexday, saakana iyada oo aan canjeeladii weli loo dab shidin ayuu ka soo jarmaaday, sidaas darteed cod gaaban ayuu casharka ku akhriyayaa. Markii ay ushii ugu horraysay ku dhacday ayuu fadhigii ka booday, oo inta uu dib u baxay macallinkii loox u baaciyay.

“Car ul dambe igu dhufo, cadow yahow cadowgu dhalay!” Macallinku isaga oo la yaabban waxa saaka yarka qaaday ayuu gacantii uu looxa ku baacinayay dhenged kulul kaga jiiday isaga oo leh: “Waar fadhiiso, malcuun yahow dhegaha xumi!”

Intaas waxaa xigay looxii labada kiilo ahaa jirjirkiisa oo wadaadkii maskaxda ka cuskaday. Dhawr tallaabo oo dalanbaabi ah ayuu iska dabo wareegay, dabadeed sidii awr jabay isbarkaday. Markii ay carruurta kale ku soo urureen waxay la kulmeen madax ka la jeexan oo dhiigu dhan walba uga burqanayo iyo taah dheer oo la moodo libaax uu waran sambabka wareemay.

Dhaawaca Aw Faarax gaadhay wuu xumaa, muddo ayuuna dhinaca dhulka ku hayay oo ardaydii la ka la diray. Taasi carruurta wax ay u ahayd farxad aan qiyaas lahayn waayo waa ay nasteen, laakiin dadka waaweyn waxay ku ahayd qaadanwaa.

“Waa duni aakhir samaan! Xaggee sheeko iyo shaahid lagu maqlay laguna arkay qof macallinkii diinta u dhigayay dhiiggiisa daadiya!”, ayaa lagu celceliyay.

Negeeye waxaa lagu tilmaamay sheyddaan muuq insi leh iyo qof habaar qaba, waxaana loo jeediyay hiif iyo haaraan. Maalintaas ka dib “Habaarqabe” ayaa naanays u noqotay.

“Waar orda agoonka iskaga taga. Haddii uu nin loox la dhacay imisaa nin xabbad lala dhacay”, ayuu maalin ugu hiiliyay odayga dillaalka ah ee Diiriye dhalay oo ay reer ahaan Negeeye isxigaan.

Negeeye taa abaal badan ayuu ugu hayaa. Odayga se dadku wax ay kor iyo hoosba ugu sheegeen hadalkaasi in uu ahaa waabay Negeeye wadnaha kaga dhici karta. Balaayadu waa ay huruddaaye nacdali ha korto ka toosiya.

Macallinku waxii uu qoon u yeeshay dadka ay Negeeye magta leh yihiin ayaa laga ururiyay. Markii uu ladnaaday ee shaqadii dib ugu soo noqday waa uu ka dhaartay in uu Negeeye Qur’aan dambe baro. Dahabo oo tukubaysa ayaa subax u tagtay si ay Negeeye uga maslaxdo, wuxuuna ugu jawaabay:

“Dahabo, Qur’aanku waa qawlkii Eebbe, qofkanina waa sheyddaan. Markaas miyaynnu sheyddaan diinta ku khasaaraynaa?”

Dahabo waxay islahayd waa adigan aakhiro u socda ee aad isaga diinta bartid oo ajarkiisa jiscin ka sii dhigatid, sidaas darteed maalintii oo dhan waa ay barooranaysay.

Wadaadku isaga oo ka faa’iidaysanaya awoodda iyo saamaynta xoogga leh ee uu caqliga bulshada ku lee yahay, ayuu ku dhaartay Negeeye in uu ku arkay sifooyinkii ahlu naarnimada oo dhan. Isaga oo aamusan sida uu eegmada wax ugu gubo, nabarka lagu dhufto sida aanu uga damqan, sida uu Qur’aanka iyo malcaamadda u neceb yahay, waxaas oo dhan Aw Faarax wuxuu ku sheegay sifooyin sheydaan. Dadkuna iyaga oo taa rumaystay ayuu qofka uu ka soo hor baxaaba sheyddaanka iska naaraa, Ilaahayna ka tuugaa ubadkiisa in aanu isaga oo kale ka dhigin.

Duqdu, sida dadka kale oo dhan, wadaadka aad ayay uga dambayn jirtay, muddadiibana mar ayay mutulka raashin ugu samayn jirtay. Habeen habeennada ka mid ah markii uu hilib ay halkaa ku siisay afka ka qaaday ayay ku tidhi:

“Sheekh, kan dhegaha waaweyn baan islahaa diinta bar bal in uu godka kuugu soo xuso, isagiina waa kaas sheyddaan duufsaday ee bal in Alle soo hanuuniyo iigu ducee.”

Wadaadku beryahan Negeeye magaciisa afka ma soo mariyo oo marka uu tilmaamayo wuxuu ku magacaabaa ”Habaarqabe”. Meeshii nabarku kaga dhacay inta uu gacanta ku salsalaaxay madaxana ruxay ayuu yidhi:

“Qaddaran maqduuran! Xagga Rabbi ayay ka ahaatay. In kaa loo duceeyaa waxay la mid tahay in ibliis loo duceeyo.”

Markii ay sidaas u wada hadlayeen Negeeye in uu hurdo ayay moodayeen, wuu se maqlayay. Aad ayuu habeenkaas uga fekeray dhab ahaan in uu shaydaan yahay iyo sababta uu Ilaahay uga dhigay. Wuu baqay, wuxuuna u cadhooday Faarax oo uu mooday in uu isagu Ilaahay ku diray. Wuxuu kale oo ka fekeray Ilaahay sida uu u arko Goodir.

Mar haddii uu Negeeye riyadeedii ku ballan furay iyaduna maalintaas ka dib wax badan ayay ka dhintay daryeelkii ay siin jirtay. Marka ay u xanaaqdaba inta ay gacan culus oo gabowday ku dhirbaaxdo ayay ku hiiftaa:

“Habaar qabayahow, iiga bax gurigayga!” Dabadeed wuxuu galay nolol iskorisnimo ah. Awalba wuxuu ahaa qof dhib badan, laakiin haddii wax la yeelo waxaa la maqli jiray qof yidhaahda “waar agoonka daaya”, laakiin laga bilaabo maalintii uu macallinka looxa ku dhuftay cidina u ma naxdo, cidina u ma naxariisato, cidina u ma hiiliso. Qofkii ka tabar rooniba marka uu doono dhirbaaxo kulul ayuu kaga soo gooyaa ama dhenged ayuu ku jiidaa, isaguna ma ooyo. Wuxuu u eg yahay dadkuna moodaan wax aan damqan. Laakiin runtii aad ayuu u damqan jiray, ilkaha ayuu se isgelin jiray, waxii la yeelana mar caloosha ayuu ku guntan jiray marna ciyaalka uu ka adag yahay ayuu ka gooyn jiray.

Nacaybka dadka iyo hiifkooda joogtada ah ha ka xanuunsado, laakiin Negeeye markii malcaamadda laga eryay isagu wuxuu dareemay farxad badan. Haddii ay dadka waaweyni ku tilmaameen “Habaarqabe” carruurtu waxay u arkeen halyeey, waxayna ku wada riyoodeen in ay sidiisa Macallin Faarax loox madaxa ka la dhacaan, si malcaamadda looga eryo. Markaa ka dib wuxuu helay xorriyad badan oo uu jeclaystay. Wuxuu bilaabay shaqooyinka yaryar ee tuulada hadba ta uu fursad ka helo, sida xaabo gurid, biyo dhaamin iyo xammaal. Isaga oo tunkiisa iyo tagoogtiisa aan weli gaammurin adeegsanaya ayuu bilaabay in uu baabuurta aan badnayn ee tuulada timaadda rarka ka rogo ama ku raro. Ha ahaato ee ma ahayn xoogsi joogto ah, waxa uga soo baxaana uguma fillayn nolol maalmeed iyo arradbeel. Taas darteed ma uu huri jirin in uu ayeydii Dahabo gacanta hoos dhigto. Habarta qudheedu imika waa cad wayna indho darraysay, wax macno lehna ma haysato, laakiin guri ayeyo guntin laga ma waayo.

***

Berigii Negeeye malcaamadda laga eryay mutulka waxaa ku soo korodhay gabadh ka timid miyi fog oo ay islaanta qaraabo yihiin. Magaceeda waxay ku sheegtay Amran, waxayna ahayd siddeed iyo toban jir Negeeye ka weyn lix sano oo ku dhan.

“Mar haddii aannu ayeydaa qaraabo nahay, adigana waxaynu nahay qaraabo”, ayay Negeeye ku tidhi.

“Laakiin qaraabadu maxay isu yihiin?” ayuu sii wayddiiyay. Cabbaar ayay fekertay, waxayna garan wayday wax ay ku sheegto. Waxaa jirta qaraaboqansax aan waxa la isu yahay fogaan darteed magac loo aqoon.

“Waa xigto. Labadeennu walaalo ayaynnu isugu yeedhi karraa.” Wuu maqlaa dad aan walaalo ahayn haddana “walaal” isugu yeedha, labadoodana mar haddii ay Dahabo dhex u tahay wuxuu u qaatay in ay wax uun isu yihiin. Sababta ay u timid waxay ku sheegtay caawinta islaanta, laakiin run ahaan sidaas ma ay ahayn oo beri dambe ayuu runta ogaaday.

Amran markii ay timid mutulku si foolxun ayuu isugu daadsanaa, markiibana waxay bilawday in ay ka la habayso. Waxyaalo aan sannado badan la taaban ayay furfurtay oo qaar tuurtay qaarna meel ku habboon dhigtay. Mutulkii xumaa waxay u egaysiisay meel lagu noolaan karo. Islaantu ma ay doonayn waxeeda in laga taabto, waxayna jeclayd wax waliba in ay sidooda u ahaadaan. Marar badan ayay iyada iyo Amran sababtaas isku khilaafeen. Laakiin runtii waa ay ogayd in ay imaatinka Amran u ayday.

Negeeye in kasta oo uu Amran bilawgii ka xishooday aad ayuu markii dambe ugu riyaaqay imaatinkeeda, wuxuuna u arkay qof qurux badan oo dabeecad suubban. Maalin iyada oo beddelanaysa ayay hortiisa dharka oo dhan iskaga siibtay. Wuu khajilay, iyadana wuu xushmaynayay oo ma uu rabin in ay eegmadiisa ka xumaato, haddana markii uu arkay wuu ka jeesan kari waayay oo sii daawaday. Waxay lahayd jidh aad uga qurux badan kii Dahabo ee u ekaa maansocagaley jiilaal. Keedu ma lahayn laablaabkii iyo qaab darradii ka Dahabo oo waxaad moodaysay in malab saafi ah la mariyay. Si gaar ah wuxuu u la sii yaabay labada naas oo aan wax la qurux ah weligii arag. Waxay u ekaayeen laba toobin jidhka, intiisa kalena waa ay ka yar caddaayeen, ibaha se waxaad moodaysay in khad madow laga mariyay.

Iyadu eegmadiisa dan ka ma ay gelin ee markii ay dharkii gashatay ayay inta ay dhabanka ka dhunkatay ku tidhi: “Waxaan ahay walaashaa ee waxba ha iga xishoon.”

Gogosha mutulka taallay oo yarayd darteed isaga iyo Amran isku gogol ayay noqdeen, sidii Dahabo ayayna laabta gelin jirtay, gaar ahaan marka ay dhaxani jirto, si ay isu dugsadaan. Isaguna wuu isku sii dhejin jiray ilaa uu laabteeda, caloosheeda, bawdyaheeda iyo jidhkeeda diirran oo dhan wada dareemo. Berigaas hurdada uu seexan jiray macaankeeda mid la mid ah hore u ma uu seexan.

Amran iyada oo aan Damalweyn wax badan joogin ayuu Negeeye ogaaday in la xanto. Marar badan ayuu maqlay hadalhayn iyada ku saabsan, oo arkay carrab iyo il ku godan. Erayga “qumayo” oo iyada loo la jeedo ayaa dhawr jeer dhegihiisa ku soo dhacay, laakiin waxba ka ma uu fahmin aan ahayn in aan la jeclayn. In ay tahay shisheeye aan degaanka u dhalan oo keliya ayuu sababta ku maleeyay.

Amran markii ay yarayd hooyadeed dadka waxay u sheegi jirtay gabadheedu in ay garabsalaax lee dahay; in la weheliyo oo ay amran tahay. Waa sababta ay ugu bixisay “Amran”. Waxay ku dhaaratay intii ay uurka ku sidday in ay hurdo iyo soojeedba ku aragtay ammuuro badan oo yaab leh, oo ay ka mid ahaayeen iyada oo saddex habeen oo isku xiga ku riyootay gabadheeda oo meel foox ka qiiqayo dad ku xeeran kitaab u meerinaysa, iyo iyada oo agteeda xer badani ka xadraynayso. Wanaagga ay gabadheeda ugu riyootay marka ay sheegtoba haweenka kale waxay ku jikaari jireen riyadu in ay sida loo arkay beddelkeeda noqoto.

Amran waxay hooyadeed koolkoolisaba, waxay noqotay qalanjo aanay gayigeeda ku badnayn gabadh qurux isla barbar taagi kartaa. Dabadeed markii ay toddoba iyo toban jirsatay ayuu doob afar oday wataa u soo ardaa fadhiistay. Jiilaal ayay ahayde gugii xigayba aroos baa loo qotomiyay. Habeenkii labaad ee arooska ayay dhacday mashaqo laga argaggaxay. Waxaa aroortii gogosha loogu yimid ninkii oo mayd ah.

“Waa tafkudhiig! Tii dhashay markii ay qof amran ku sheegaysay qumaynimada ay ku ogayd ayay ugu ceeb qarinaysay”, ayaa kor iyo hoosba loo yidhi.

Run iyo been mid ay ahaydba hore waxaa u jirtay xan sheegaysa Amran in ay arbaca-bil-u-dambays dhalatay. Aayar aayar ayay dabadeed beesha ugu dhex fidday in ay tahay qumayo tafodhiig ah, ilaa ay cuqdad qaadday oo guur dambe iska daa ee gayigii ku noolaan kari wayday. Sababtaas ayay Damalweyn ugu soo qaxday. Laakiin iyada oo wax yar joogtay ayay ogaatay xantii in ay Damalweyn soo gaadhay, lagana haysto isla aragtidii ay ka soo qaxday. Ma ay se aqoon meel kale oo ay u sii qaxdo.

Iyada oo malaysay Negeeye in uu arrinta maqlay ayay maalin ay tuulada debeddeeda xaabo ka dooneen sidii ay wax ahaayeen uga sheekaysay. Waxayna ugu dartay dhulkeedii in ay neceb tahay oo aanay weligeed ku noqon doonin. Markii ay hadalka dhammaysay, isaga oo aanay u ka la caddayn iyada iyo dadka xamanaya midkooda sax ah, ayuu sababta ninkeedu u dhintay sii wayddiiyay. Inta ay yar fekertay ayay haddana illin ka soo daadatay iska masaxday, dabadeed ku jawaabtay:

“Ilaahay baa dilay. Ilaaha aabbahaa dilay ayaa isagana dilay.” “Aabbahay waxaa dilay Goodir”, ayuu yidhi. “Goodir? Ma ka tuulada yimaadda?” “Haa.” “Oo muxuu u dilay?” “Kibir.” “Sidee buu u dilay?” “Gaaddada ayuu xabbad kaga dhuftay.” “Oo ma loo aaray?” “Cidina u ma ay aarin.” “Haddaa mag ma ka bixiyay?” “Tuldo lumay”, ayuu yidhi, kaas oo ahaa hadal uu Dhool iyo Dahabo ka maqlay.

Cabbaar ayay Amran aamusnayd oo naxsanayd ama yaabbanayd, isaguna geedquwaax curdan ah ayuu ul la dhacayay ilaa uu dhulka la simay. Markii uu dhashay in uu aabbihii dhintay hore ayay u maqashay, laakiin sababta ma ay maqal. Awal agoonnimada ayay ugu naxriisan jirtay, wax ay se maalintaa ka dib u aragtay qof sideeda u ayaandaran, waxaana u bilawday isfaham iyo saaxiibnimo cusub. Isagu maalintaas wuxuu eray eray u xasuustay sheekadii dilka aabbihii ee ay Dhool iyo Dahabo u sheegeen. Waxay ahayd markii ugu horraysay ee uu si dhab ah uga fekeray.

Maalintaa markii ay isaga iyo Amran xaabadii keeneen wuxuu tegay makhaayad Goodir fadhiyay. Inta uu meel yar dhinac ah isa soo taagay ayuu ninkaa kor iyo kal aad ugu fiirsaday. Goodir wuu arkay kurayga timaha rifrifka leh, ee qaydka duugga ah iyo shaadhka calalka ah ee badhammadu ka la jaadka yihiin gashan, ee sida nacaybka leh indhaha ugu soo gubaya. Markii uu gartayna wuu ka naxay, sheekadii u socotay ayuu se iskaga mashquuliyay. Markii labaad ee uu meeshii eegayna yarkii ma joogin.

Galab kale oo aan maalintaas ka fogayn, Goodir oo tuulada ka sii carraabaya ayaa soo ag maray ardaydii malcaamadda oo uu Negeeye ku jiro oo xaabo guranaya. Markii uu yar dhaafay ayuu Negeeye qori xaabo ah ku fiiqay isaga oo iska dhigaya in uu xabbad ku shiishayo. Dabadeed yar kale ayaa si kaftan ah ugu qayliyay: “Adeer, wuu ku tooganayaa!” Goodir markii uu degdeg u soo jeestay eegmadiisu wax ay ku dhacday kurtunka uu yarku sida xabbadda ugu soo liishaamayo. Dabadeed carruurtii kale qosol ayay u daateen.

Dhacdooyin dhawr ah oo ay labadaasi ka mid ahaayeen waxay Goodir u xaqiijiyeen mustaqbalku in uu cadow u yahay, wuxuuna ku dadaalay in uu iska ilaaliyo si kasta iyo meel kasta oo ay isaga iyo Negeeye ku kulmi karaan.

Negeeye badanaa makhaayadaha ayuu hadba tii looga baahdo ka shaqaysan jiray, sidaas darteed Goodir wuu hubsan jiray maqaayadda uu maalintaas fadhiisanayo in aan Negeeye ka shaqaynayn. Maalin ayuu se qaldamay oo shaah ka dalbaday mid uu ka shaqaynayay. Ninkii makhaayadda lahaa markii uu shaahii shubay ayuu ku yidhi: “Goodir u gee!” Yarkuna wuxuu ninkii ku huruufay: “Orod adiguba u gee!” Makhaayadlihii wuu la yaabay hadalka Negeeye oo ahaa mid aan kuray shaqeeya looga baran. Laakiin intii aan hadal ka soo bixin ayay xasuusta maskaxdiisu toostay, shaahii ayuuna Goodir u la cararay.

Hooyadii Dhool iyo ayeydii Dahabo, oo ahaa labada qof ee keliya ee dilka aabbihii uga warramay, labaduba waxay ku boorriyeen in aanu taa marnaba cid la soo qaadin. Ballantaas wuu fuliyay marka laga reebo Amran oo ay aad isugu kalsoonaayeen iyo Diiriye oo isagu u bilaabay. Laakiin qof reer damalweyn ah oo aan taariikhdaas ka dheregsanayni ma jiro. Dhool iyo Dahabo qudhooda ujeeddadu ka ma ay ahayn in ay sir qarsoon qariyaan, ee waxay diiddanaayeen inta uu yar yahay in uu ku kufo xaalad aanu maamuli karin oo garaadkiisa ka weyn.

Markii Negeeye malcaamadda laga er ayay Diiriye isagu wuu sii waday, laakiin weli saaxiib ayay ahaayeen, xilliga firaaqadana waa ay israaci jireen. Waxay tuulada ka noqdeen laba gangistar oo eryashada foodleyda, baadista ciyaalka iyo xatooyada isu kaashada. Damalweyn waa tuulo yar oo la iswada yaqaan, sidaas darteed Diiriye iyo Negeeye waxay ku caan baxeen “labada tuug”, wax kasta oo la xadana cidda ugu horraysa ee lagu tuhmi jiray waxay ahayd iyaga. Tuugada oo keliya ma aha ee shar walba waa ay isu kaashadeen.

Maalin gu ah ayay Negeeye iyo Diiriye tuulada tamashle kaga wada baxeen. Qorraxda oo kulul ayay kaynta caleenta leh soo galeen, sidii laba biciid oo dhal ah ayayna dhirta iyo doogga dhex xuleen. Rayska nadiifta ah meesha ay maraan waxay kaga tegayaan raad la moodo in aanu abidkii baa’bi doonin. Negeeye waa caato dhuuban oo godan, waxaana ku soo jira dherer ay da yaraanta iyo darxumadu hoos u riixayaan. Diiriye laf iyo hilibba Negeeye wuu dhaamaa, wuu se ka yar gaaban yahay, wuxuuna lee yahay dalbo waaweyn oo marka uu soconayo laga baqo in uu xaglaha ka jabo.

Kayntii ayay ku sii socdeen. Iyaga oo ciidan korjooge ah u eg ayay arkeen aqal jees ah, Negeeye ayaana saaxiibkii wayddiiyay:

“Ma garanaysaa aqalkaa?” “Maya.” “Waa gurigii Goodir.” “Sidee baad ku garatay?” “Aniga ayaa ku tusaya ee ina keen”, ayuu ku jawaabay oo ay xaggii aqalka aadeen.

Negeeye markiiba calooshiisa waxaa gubay nacayb iyo ciil hore uga buuxay. Aqalkii inta ay is’hor taageen ayay bariidiyeen, cidla ayuu se ahaa. Dabadeed Negeeye ayaa galay, kii kalena wuu ka daba galay. Biyo ayay ka cabbeen, ka dib alaabtii dhex taallay eegeegeen, dhar ay Goodir ku arki jireen ayayna isu tilmaameen.

Diiriye wuu og yahay Goodir in uu yahay ninka Negeeye aabbihii dilay, qoyskooda ayuu ka maqlay, waxaa se looga digay marnaba in uu Negeeye ka la hadlo. Laakiin si ay ku bilaabatayba marar badan ayay labadoodu arrinta ka wada hadleen. Maalintaas ayuu se ogaaday nacaybka daran ee ku jira.

Negeeye oo wejigu beddelan yahay ayaa Diiriye ku la xanshashaqay:

“Ma garanaysaa waxa aan samaynayo?” “Haye?” “Adigu i eeg uun afkaagana hayso. Haddii xiniin lagaa sarayo juuq yaan lagaa maqlin.”

“Oo maxaad samaynaysaa?” “Usuus! Aamus adigu oo i eeg uun.” Negeeye wuxuu u orday ardaaga geela oo aqalka afartan mitir u jira halkaas oo dabkii saaku weli ka sii nool yahay. Xantoobo caws ah inta uu dabkii ku qabtay ayuu ololkii dhankii aqalka u la soo cararay oo saddex meelood yacayga kaga dhejiyay.

“Negeeye, maxaad samaynaysaa?! Miyaad waalatay?!” ayuu Diiriye haleelay, dabadeed arkay aqalkii oo markiiba olol iyo qiiq isla kacay. Orod ayay cagaha wax ka dayeen.

Isma ay taagin mana ay wada hadlin jeer ay gurigii gubanayay ka fogaadeen. Geed dheer oo lebi ah ayay fuuleen, waxayna daawadeen olol iyo qiiq cirka qabsaday.

Negeeye iyo Diiriye in kasta oo ay isku dayeen falkaas in ay dafiraan ma ahayn wax ay dafiri karaan. Waxaa la helay caddaymo aan laba ku murmin oo raadkooda kabaha la ee rayska maray ka sii badan.

Arrintaas aad ayaa looga naxay. Khasaare aan laga soo kaban karin ma uu ahayn aqal reer miyi oo aan awalba wax qiimo badani dhex oollin. Waxaa se xasaasi loo arkayay sabab kasta oo Negeeye iyo Goodir isu keeni karta. Waxaa la wada qiray musiibadii afar iyo toban sano hortood la aasay in ay weli nooshahay oo ay dhar Negeeye lagu magacaabo soo gashatay.

***

Negeeye intii uu yaraa, mar haddii ay isaga iyo Amran isku guri iyo isku nolol ahaayeen, waxay isu arkayeen, loona arkayay, wiil yar iyo walaashii ka weyn. Markii se uu afar iyo toban jirsaday cidina sidii hore u arki mayso. Isaga qudhiisu sidii uu subax xaalad cusub u la soo toosay wiil yar isuma arko iyadana walaashii u ma arko. Xanta dadku weli ma ay iman waa ay se soo xiimaysaa.

Kor waayeel waa wada indho. Dahabo waxaa galay dareen waalid. Habeen ay sheeko habar kale ku soo daahday ayay u soo gashay Negeeye iyo Amran oo farocayaaraya, dabadeed waa ay wada canaanatay. Gaar ahaan Negeeye waxay ku tidhi: “Nin intaas la’eg oo naag aanu qabin hoosta kaga jiraa ceeb wax aan ahayn ii ma soo sido ee caawa ka dib agteeda yaanan kugu arkin.”

Habeenkaas ayay hurdo mutulka uga dhammaatay. Marakaas ka dib in roob soo eryo mooyee sidii neef baadi ah ayuu debedda seexan jiray. Habeennadii ugu horreeyay aad ayuu u cidlooday, sidii ilmo naaska laga daayay ayuuna Amran ugu hiloobay. In kasta oo ay sidaas u ka la gogol noqdeen haddana qunyar qunyar ayuu xidhiidhkoodu u yeeshay weji kale.

Gugii la dayriyay kii xigay habeen isaga oo debedda hurda ayuu roob soo daatay, mutulka ayuuna u cararay. Waa madow oo dabkii yaraa ee mar wax lagu karsan jiray, mar wax lagu ifsan jiray, marna la kulaali jiray dambas baa daboolay. Islaanta oo docda jiifta ayuu ka tallaabsaday, Amran oo u dhawna ka sii tallaabsaday, dabadeed sidii orgi yar oo dhaxamooday qoobad shishe isduubay.

Waa uu daallanaa, hurdo ba’an ayaana haysay, markii se uu maqlay Dahabo oo leh: “Naa inanka ka soo durug”, isla markaas Amran agtiisa xamaaratay, hurdadii iyo daalkii waa ay ka duuleen. Amran awalba waa tii laabta ku gelin jirtaye sidii aad dadqal noqotay maxaa ‘ka soo durug’ loo lee yahay? ayuu iswayddiiyay. Laakiin adiga qudhaada caawa wax baa kaa si ah. Maxaad jidhkeedan uun ugu fekeraysaa ee aad mugdiga aadan ka arkayn maskaxda uga daawanaysaa? Maxay naftaadu dhankeeda ugu hamuumaysaa?

Maxaad taako taako xaggeeda ugu durkaysaa?

Wuu iscelceliyay, laakiin awoodi gacan uguma jirto. Siijeed ayay u jiiftaa, laakiin neefneefsigeeda diirran wuu dareemayaa. Lawga ayuu meel debecsan kaga muday. Isma ay dhaqaajin. Gacanta ayuu haddana legga ka saaray. Isma ay dhaqaajin. Wuxuu aad u jeclaystay in uu ilaa laabta gacanta la raaco, ama xaggaas iyo bawdyaha u dego, wuu se ku dhici waayay. Dabadeed iyada ayaa inta ay si lamafilaan ah dhankiisa isu soo rogtay isaga oo weli dib u maagaya gebigiisaba laabta ku qaadatay oo sida jebisada jirjircadka isu la rogtay, oo hugeeda iyo jidhkeeda ka la dhex gelisay.

Roobku si xoog leh ayuu mutulka iyo dhulka u garaacayaa, onkodkuna waa isdabajoog. Sidaas darteed cod dheer mooyee si kale la isuma maqli karo. Habartu intaa roobka ayay hadalhaysaa, Amran ayaana mar mar inta ay dadaal isu geyso dirqi ugu jawaabaysa. Laakiin isagu juuq ma leh. Ayeydii waxay moodaysaa in uu gam’ay. Islaantu awalba waa ay dhego cuslayd, caawana dhibicda ba’an ayaa dhego barjaysay, sidaas darteed galgaladka, neeftuurka iyo reenka labada qof ee ruux dhego nuguli debedda ka maqli lahaa iyadu maqli mayso. Laakiin waa ay feejigan tahay. Wax aan la ka la ilaalin karin ayay ka la ilaali isleh dahay.

“Naa inanka ka soo durug!” “Ayeeyo isuma dhowin”, ayay Amran iyada oo Negeeye ku duuban cod xiiqsan ku celisay.

Isuma dhowin ku lahayd! Hadda waa ay isku dhex jiraan! “Kani mid caawa kacaya u ma ega. Alloow khayrkiisa na sii! Ciiddan omoska ahi maxay kan oo kale u baahnayd!” ayay Dahabo cod gariiraya ku tidhi.

Negeeye sow kan iswaayay ama is helay! Sow kan dunida ka baxaya ee mid kale sii gelaya! Sow kan sii maqiiqan ee isa soo qaban kari la! Muxuu la taahayaa? Isaga oo kor u qayliyay ayay Amran degdeg labadeeda gacmood madaxiisa ugu soo qabatay, oo naaskeeda afka u gelisay, oo sidii ilmo caanonuug ah ku aamusiisay. Dabadeed isaga oo hiinraagaya ayuu Amran dusha kaga dhareeriyay.

“Maxaa guuxaya?” ayay tidhi islaantu markii Negeeye qayliyay. “Waa yarkii oo qarwaya”, ayay Amran dirqi ku tidhi. “Jinni ku la qarow! Sheyddaankii Diinta Ilaahay ka eryay baa ka dhex qaylinaya.”

Habeenkaa maalintii xigtay oo dhan wuu welwelayay wuuna faraxsanaa. Wax aan xalay iyo Amran ahayn ka ma fekerayo danna ka ma leh. Haddana wuu baqayay. Armaad dhimataa? Amran sow tafodhiig ma aha? Haa, ninkeedii sow darteed u ma dhiman? Mooyi.

Xalay maxaa dhacay? Caawa maxaa dhici doona? Roob ma da’ayaa? Haddii uu da’ana? Amran maxay damacday?

Inan yar oo Negeeye lagu magacaabi jiray ayaa halkaa ku dhintay, waxaana dhashay nin isla magacaas leh.

Qiimaha ay ayeydii noloshiisa u lahayd wuxuu ogaaday markii ay dhimatay. Waa sannadkii uu shan iyo toban jirsaday. In kasta oo aan Alle mooyee aadami da’deeda aqoon, haddana maalintii ay xijaabatay in aan cimri u laabnayn waa ay muuqatay. Siddeetan ka ma ay yarayn subaxdii iyada oo sidii duq geel ah quluulatay oo indho caddaynaysa gogosha loogu yimid. Negeeye taasi in kasta oo ay naxdin culus ku ahayd haddana sidii Amran ma uu ooyin.

Adduun macno leh mutulka kagamay dhiman, waxayna Amran iyo Negeeye arkeen iyaga oo cidla fadhiya. Xaaladdooda nololeed aad ayay u sii xumaatay, ilaa ay nololmaalmeedda dad kale ka martiyeen.

Dhool beryihii hore waa ay ku dadaashay in ay Negeeye joogto uga warhayso, markii se ay carruur badan yeelatay teedii ayayba ka badin wayday, waqti ka dibna isaraggoodu wuu yaraaday. Laakiin muddadiiba mar ayay iyada oo socdaal dheer oo diif leh soo gashay soo gaadhi jirtay. Markii ay geerida Dahabo maqashay maalmo ka dib ayay u timid. Weli waxay xasuusnayd gurigii uu inankeedu kalhore gubay, aad ayayna ugala talisay in uu aarsado. Waxay ku tidhi:

“Laba sababood midna ha u aarsan: Waa mare waa la isdhaarsaday cuqubada dhaartuna waa halis. Waa marka labaade waxaad tahay madi.”

Ku ma ay farxin debeecadda qufulan ee inankeedu yeeshay, iyo sida uu asaaggii uga gooni yahay, iyo sida uu ugu eg yahay dameer yar oo baadi ah. Waxay isku dayday in ay kaxayso si uu iyada iyo reerkeeda u la noolaado mar haddii aan halkan ehel u joogin, laakiin wuu diiday. Nolosha adag ee Damalweyn wuxuu ka sii necbaa ta reer guuraaga iyo ninka hooyadii qaba. Waxay isku dayday in ay calooshiisa baadho, waxayna wayddiisay:

“Wax aan kuu awoodo oo aad tabanaysaa ma jiraan?” “Xabaashii aabbahay i soo tus”, ayay noqotay jawaabtiisu. Waa kaas jabadkii oo laba ama saddex jeer oo kale la degay. Ood gabowday iyo digo duugowday ayaa dirqi ku sii muuqda, duleedkana waxaa ku yaal geedquwaax badan oo weli gurmogo’an ah. Doog u badan cayo, yamaarug, uneexo, tincad, baldhoole iyo noocyo la mid ah ayaa dhulka qariyay. Xeryo abaaday dhexdooda waxaa ka muuqata gawaan marar badan oo ay ciiddu rays ahayd aad loogu tuntay oo dirri ah, taas oo u eg sallax aan dib wax uga soo bixi doonin: waa raaskii uu Negeeye ku dhashay.

Meel boqol tallaabo jirta waxaa ku yaal geed weyn oo yucub ah oo ay ood xoday ah oo baxday ku wareegsan tahay. Oodda waxaa ku dhex taal bar dhulka ka yar kacsan oo ay labada madax laba laamood ka baxeen: waa xabaashii aabbihii. Markii ay dul tageen si qiiro iyo khushuuc leh ayuu cabbaar meesha u eegay dabadeed kow iyo toban qulhuwalle iyo faataxo ku akhriyay. Intaas wuxuu ku dhaamaa Dhool oo aan wax ay akhrido aqoon.

Cisho aan taas wax badan ka dambayn inta uu masaar qaatay ayuu halkii isku sii daayay, oo xabaashii ood cusub ku wareejiyay. Markaas ka dib muddadiiba mar ayuu soo booqan jiray, taas oo uu ka heli jiray degganaan iyo wehel. Waxaa maskaxdiisa aad ugu xoogaystay sawirka aabbihii, wuuna la sheekaystay, la dooday, oo la tashaday. Wuxuu ka helay talooyin aan ka dhicin kuwa uu kuraygu aabbaha nool ka helo.

Halkaas ayuu ku illaawey taladii Dhool ee ahayd in aanu aarsan. Waxaa aad ugu sii xoogaystay nacaybka Goodir. Sheekooyinka iyo maahmaahyada beryahan wuxuu ugu jecel yahay kuwa ku boorriya wax iska celinta, dhiirranaanta iyo aarsiga “Nin aan warankaagu gelin weedhaadu ma gasho”, “Rag i daa kuguma daayo ee aynu isdayno ayuu kugu daayaa”, “Dagaal gondahaaga ayuu ka dhashaa”, “Nin aanay shantaada farood kaa reebin shan wadaad kaa ma reebaan”, kuwaas baa ka mid ahaa halhaysyada uu jeclaa ee fekerkiisa la falgalay.

***

Dahabo gabadhan jin ee ay Alle ka sokow iyadu mas’uulka ka tahay aad ayay u ilaalin jirtay. Ragga sidii macaanjecel malab aragtay mutulka isugu soo maqiiqaya, ee yarta u wada hamuumaya, sida dhurwaaga ayay uga yureyn jirtay. Ha yeeshee markii ay dhimatay iyada oo aan maydkeedu qaboobin ayay sida daadka albaabka soo jabsadeen, mutulkana waxaa ka bilawday dhaqan aan hore loo arag loona maqal.

Haddii dumarka saddex meelood loo qaybiyo Amran xagga quruxda waxay raacaysaa qaybta ugu qurux badan. Dherer iyo dhumucba waa caadi haddii hablaha kale lagu dhereriyo, waxa ay se lee dahay weji iyo laba indhood oo aan wax loo dhigaa jirin. Si gaar ah waxaa loo jecel yahay qosolkeeda wadne gilgilka leh iyo bashaashnimada marka laga maqan yahay loo soo muhdo marka lala joogana laga raalli noqdo. Madax bannaanida aan waalid, walaal iyo xigto kale toonna Damalweyn u joogin, isla markaas tahay garoob ay dhaqanka iyo diintuba xorriyad badan siiyeen, iyo guriga ay sida buuxda uga arrimiso, waxaas oo dhami waxay ka dhigeen qof gaar ah. Waa hadiyad ama waa inkaar Damalweyn loo soo diray. Waa dhif ama maba jiro, duq iyo doob, nin aan Amran ka fekerini.

Rag waaweyn oo xaas iyo carruuro leh haddana ruux sidaas ah gurigeeda u ka la dheeraynayaa waxay ahayd mahadho Damalweyn ku cusub. Xaaji Haybe, odayga tuulada ugu mudan ee dukaanka weyn leh, xaaska iyo carruurta badanina miyiga u joogaan, in uu galbaha qaar goortii uu dukaanka xidho ee reerkiisa u carraabi lahaa juucjuuc iska dareemo, oo tuulada ku soo dhaxo, dabadeed habeenkii goor xun la arko isaga oo mutulka sii gelaya ama ka soo baxaya, dadka ceebta necebi indhahooda ma rumaystaan oo waa ay isdiidsiiyaan.

Xaajigu habeenka uu tuulada ku dhaxo salaadda cishe ee masjidka lagu wada tukado marka uu foodda ka qaado ayuu sida halaqa mugdiga dhex raacaa oo Amran isku sii daayaa, si jimanka ay ku ridday uga cuudiso. Haddii aanay dhaxan ahayn inta aan waagu beryin ayuu biyo isku shubaa, dadkana masjidka uga wada horreeyaa. Haddii se ay dhaxan tahay salaad subax isma yaqaannaan, in uu xanuunkii xalay tuulada ku soo hooyay saaka la kici waayay ayuu been ku sheegaa. Qofka uu in uu xalay meel xun ku arkay ka shakiyana wuxuu dhegta ugu ridaa: “Alle ha daayee, gabadhaas khayrka qabta ayaa istidhi odaygan kuu adeerka ah ee caawa soo dhaxay yuu dayacmin oo casho wanaagsan ii samaysay.”

Bilawgii burkaba bahal laga ma filan, oo odayga waxaa la mooday meesha in uu minyaro ka dugsanayo. Ujeeddada uu u dhabbacan yahay markii la gartayna waxay ahayd goor dambe oo uu tiir aan la liicin karin Amran ka ag qotonsaday.

Negeeye isagu in kasta oo uu weli yaraa, isla markaas aan cidina ogayn wax uu Amran ku qabo, haddana waxaa la islahaa “dheri nin u dhow baa laf ka la baxa”. Haybe habeenka uu rabo in uu mutulka ku khalaaweeyo horta Negeeye oo aan diidi karin ayuu meel durugsan shaqo uga diran jiray. Yarku taa runtii aad ayuu u necbaa, hinaase iyo daciifnimo wadajir ah ayuuna dareemi jiray. Ha ahaatee Xaajigu waa ninka ay isaga iyo Amran hambadiisa iyo murudka weelkiisa ku nool yihiin.

Amran oo keliya ma aha ee mutulka waxaa laga dhigtay god gabdhaha kale ee aan si kale lagu helayn sida jiifaaga lagu qarsado. Gabadh reer miyi ah wax badan laga ma helo ee gaaddo taabasho iyo gol qabasho ayaa naf laga dhigtaa, tii dan guur laga yeeshana waa lagaga dhammaystaa. Gaajo waa cadowe, Amran baahidu waxay geyaysiisay raggaas in ay soo wada dhoweyso, gaar ahaan Xaajiga oo hadba sida ay qosolka ugu hagarbaxdo isaguna gacanta ugu hagarbaxa. Haddii la maqlo iyada oo dukaankiisa ka qoslaysa waa la hubay waxa ay maalintaas ka la soo baxdo in aanay lacag ka bixin.

Markii uu Xaaji Haybe sidaas wax u laba canlaynayay waxaa jiray doobab badan oo aan habeen iyo habeen helin taf haween oo ay rogaan. Negeeye isaguna wuxuu dhaamaa rag badan oo marka roob debedda ka soo eryo aan lahayn meel ay u irkadaan iyo Amran oo kale. Mutulkana waxaan loo la yaabin Damalweyn ka ma dhisna aqal ka farxad badani. Sababtaas ayuu u noqday meel jacayl iyo nacayb labaduba ka abuurmaan, oo lagu kulmo haddana lagu colloobo.

Waa ay jeclaan lahayd in ay guursato oo reer ay nolosheeda ku asturto yeelato, laakiin reer damalweyn guurkeeda waa ay iska la hanweynaayeen. In ay tahay dayro meel daran iyo meel daaddays ka timid, in ay lee dahay taariikh aan qurux badnayn, iyo halkan qudheeda in aanay sharaf ku joogin, intuba waxay noqdeen carqalado waddadii guurku u soo mari lahaa yaal. Gurigeeda waxa rag isku garbinaya ma jirin mid dan guur ka lahaa oo aan Macallin Faarax ahayni, kaas oo sidii ay Dahabo u dhimatay aan mutulka soo gelin laakiin sida haadka ku dul weehan jiray. Qudhiisu waxa uu iyada u calmaday caashaq ma aha ee waa yarad ka carar, oo wuxuu filayay carmal cagodhiig ah oo weliba cidlo joog ah in aan cidina ceesaan ka wayddiisanayn.

Aw Faarax Dahabo intii ay noolayd talada guurka Amran wuu la soo qaaday, laakiin iyaga oo aan waxba isla meel dhigin rajadiisuna wanaagsan tahay ayay xijaabatay. Intii ay noolayd maalin isaga oo hilib geel oo solan, bilaale sixin ah iyo bakeeri shaah bigays ah oo ay islaantu mutulka ku siisay isku dhuuqaya, ayay debedda u yar baxday. Amran oo ay awal duqdu kaga gudbanayd oo dhardhaarrada agtooda ku dhaashanaysa ayuu kor iyo kal mar keliya indhaha mariyay. Ma ay jeclaysan eegmadiisa xun ee la moodo in uu cawryayo, waxayna moodday in uu dharku meelo xasaasi ah ka xaydmay fadhiga ayayna hagaajisatay. Isaga oo inta yar ee ay islaantu debedda ku maqan tahay ka faa’iidaysanaya ayuu Amran ku yidhi:

“Rasuulku carmalka wuu jeclaa, wuuna u duceeyay, annagana haddii aannu nahay culimada wuu naga la kiin dardaarmay. Haddaba ma ku la tahay in reer laguu yeelo?”

Si dadban ayay u jalleecday, waxayna la yaabtay sida uu hilibka engegan marba daan ugu ruugayo ee ay ilkuhu debedda ugu soo baxeen dufankuna qawlalka uga da’ayo. Awr gaboobay oo cantaboonaya laga ma garto, ayay ku fekertay, oo haddana niyadda kaga qososhay tusaalaha habboon ee ay u heshay. Bal eeg marmarsiinyaha liita ee uu ku soo gabbanayo, ayay ku fekertay. Rasuulku carmalka wuu nagala dardaarmay ku lahaa! Hadda caqlixumadiisa wuxuu islee yahay ha dareento in ay tahay miskiinad quus ah oo aad guurka kaga ajarsanayso, ayay malaysay.

“Laakiin Rasuulku annaga miyuu odayada naga la dardaarmay?” ayay maagis ku wayddiisay.

“Muslinka oo dhan wuu isugu dardaarmaye in reer laguu dhiso u diyaar garow.”

Dhaashigii waa ay dhammaysatay indhokuulasho ayayna bilawday. Wuu jeclaa in ay wax tidhaahdo ma ay se jawaabin, in ay arrinta ka fekerayso ayuuna maleeyay. Inta aanay maskaxdeedu go’aan gaadhin si uu u saameeyo, dareenkeedana u yar kiciyo, ayuu hadalkii hore raaciyay:

“Waxa lagugu sheegayaa haddii ay jiraanna waxba ma aha oo, bi idni laahi kariim, soddonka jus oo lagugu salaaxo iyo saddex habeen oo gogol diineed lagugu seexiyo ayaa ku filan.”

Waa ay naxday haddana xanaaqday. Sidii ay Damalweyn u timid Alle qabaygani sidaa uu arrintaa ay cuqdadda ka qabto uga la hadlayo looga la ma hadlin. Waxay ka fekertay in ay ilkaha waaweyn kab kaga dhufato. Mayee waxay wayddiisay:

“Waa maxay waxa la igu sheegayaa?” “Caammadu waxii ay ka baqaan annagu waxaanu u nahay culimo Eebbe. Tafodhiig iyo wax lagugu maagaba annaga ayaa Ilaahay talo saaranayna oo kugu oggol.”

Iyada oo hadal habboon diyaarsanaysa ayay Dahabo oo tukubaysaa soo gashay, koob kale oo shaah ah ayayna wadaadka ugu shubtay.

Haasaawaha sidaas u nuxurka daran wuxuu islahaa ha kuugu godlato, laakiin waa ay kaga dharastay dibna ugu ma soo joogsan.

Intii ay Dahabo noolayd halkaas ayuu isaga iyo Amran hadal u joogay. Wuu hubay in aanay jeclayn, laakiin dadka inta ay dan iyo duruufo mideeyaan ayaa ka badan inta uu jacayl wax isugu daro, ayuu islahaa. Geerida islaanta ka dib markii u horreysay ee uu fursad helay ayuu Amran arrinta u soo bandhigay, iyaduna si qayaxan ayay u diidday. In uu wax badan ka weynaa reer kalena lahaa ka sokow, markii la wayddiiyay sababta ay wadaadka Ilaahay uga inkaarsatay waxay qirtay in ay u aragto dadka dunida ku uuman qofka ugu foolxun. Waxay tidhi: “Bal eega ilkihiisa waaweyn iyo dibnihiisa yaryar ee xataa haddii la isku tolo aan isdaboolayn! Waxaad mooddaa mayd beri hore tawafay! Bal eega mijaha aad mooddid xiid!” Faarax markii ay Amran diidday, gurigeeduna noqday meel goor walba rag kale u carbuunan, wuxuu ku qaaday olole la mid ah kii uu Negeeye berigii uu takhray ku qaaday. Marar aan yarayn ayuu markii salaadda laga soo jeestay masjidka ka sheegay haddii aan macsida iyo fusuqa socda wax laga qaban in uu Ilaahay Damalweyn dhulka la simi doono, sidii uu dhulka u la simay reer Nuux iyo reer Saalax iyo reer Luud iyo reer Huud iyo qaar kale oo badan. Waa la garanayay halka uu carrabka ku fiiqayaa in ay tahay Amran. Mar beryahaas ah ayay roob la’aan ba’ani Damalweyn ku dhufatay, roobdoontii uu wadaadku xoolaha badan ku qaatayna Alle ka ma aqbalin. Dabadeed wuxuu sii xoojiyay eedayntii mutulka Amran ku wajahnayd iyo roob la’aantu in ay tahay ciqaab Rabbi oo halkaa ku sal leh.

Negeeye dacaayadda iyo habaarka Aw Faarax intaa wuu la socday. Dabadeed maalin isaga oo sidiisii feedho qaawan, qayd faraqyada ka dildillaacay qaarka hoose kaga duuban yahay, suun qallafsan oo saan geel laga jeexayna dhexda ku xidhan, toorray saddexgees ahina misigta midig ee suunka uga qotonto, ayuu Aw Faarax oo tuulada ka sii baxaya ka daba tegay. Wadaadku barbaarka soo dabo xiimaya ee ableyda dheer daabkeedu gacanta ka xoqayo markii uu arkay waxaa gashay dhiillo, ma uu se hakan. Markii uu la sinnaa ayuu ku soo jeestay.

“Faarax, aniga iyo Amran maxaad nagu lee dahay?” “Wax maxay ah?” “Wax aad nagu lee dahay oo nalaga kaa siiyaa miyay jiraan?” “War nin yahow ku ma aan fahmin ee wax aad adigu iga tirsanaysaa haddii aanay jirin wax aynu isku leh nahay anigu ma ogi.” “Sow sidaas ma aha? Haddaba waxaad ogaataa maalin dambe haddii aan hadalhaynta aniga iyo Amran kaa maqlo, ama la iiga kaa sheego, in aan taa laba kuugu ka la goynayo!”

Markii uu sidaas lahaa wuxuu farta ku tilmaamayay daabkii gees biciidka ahaa ee toorrayda, oo sida ay socodka ugu gilgilanayso la moodo in ay lee dahay ”war gacantu ku go’daye, galka iga siib oo meel dux leh i geli!”. Wadaadku isla markaas ayuu baqdin darteed jillab ku turaanturrooday kuna dhowaaday in uu kufo. Aad ayuu u baqay waayo wuu ogaa nacaybka Negeeye ka buuxa, isla markaas in uu noqday gaashaanqaad xoog iyo dhiirranaan labadaba leh.

Aw Faarax baqdintii gashay wax kale iska daaye falkaa cidna ugama dacwoon ee afkiisa ayuu haystay. Maalintaas ka dib wuu ka gaabsaday in uu Negeeye iyo Amran afka soo mariyo.

Amran wax ay miskiin aan wax kale ku qabin qosol been ah kaga muraadsato, ama mid ay dantu uga hiilisay iyada oo aan maya iyo haa toonna haleelin qoorta isugu laabo, iyaduna inta ay gilgili karto gilgisho si ay qadaaddiic uga daadiso; wax ay habaarka Aw Faarax iyo farta iyo carrabka ku godan ee Damalweyn iska dhegoolayso, mar kale ayay mutulkii ganacsi yar ka bilawday. Canjeelo, sabaayad iyo oodkac ayay bilawday in ay samayso oo makhaayadaha u dirto. Caanaha iyo subagga inta ay reer miyiga ka la wareegto ayay sii iibisaa. Waayo’aragnimadii yarayd iyo mutulkii ay duqda ka dhaxashay waa ay u ayday.

Haybe sidii hore uguma jajabna, dan la ma huraan ah in ay ka yeelato mooyee sidii hore deeqsiyad uguma aha. Haddii aan iskay isu noolayn karo qufaciisa ha igala tago, ayay ku fekertay. Ninnimo waxaa ugu filan Negeeye oo beryahan habeen walba jeer uu sidii qof suuxdin qaba dusheeda ku miyir beelo aan hurdo aqoon.

Nolosheeda yar wanaagsanaatay oo keliya ma ahee xidhiidhka iyada iyo Haybe waxaa dhooqeeyay qalalaase kale. Islaantii odayga oo mindi sidata ayaa Amran weerar ugu timid oo iyada dooxi lahayd dirqi lagaga qabtay. Mid kale oo gabdho tuulada ku lahaydna waxay qaadan wayday dhaqanxumada ay Amran Damalweyn keentay, maalin ayayna kab ka la daashay. Labadaas dhacdo waxay qarxiyeen fadeexaddii la daboolayay.

***

Negeeye markii uu toddoba iyo toban jirsaday ayuu la wareegay maamulka iyo shaqada makhaayad shaaha laga cabbo. Ma ay ahayn shaqo deggan, ama horumar badan leh, waayo waxaa macmiil u ahayd beesha reer guuraaga ah taas oo biyaha iyo baadka marba meel ugu hayaanta.

Aroor walba inta aanay cadceeddu soo bixin ayuu hurdada ka kacaa. Debedda ayuu kaadi ku soo talleejiyaa, inta uu soo socdana qori caday ah geed ka soo jabsadaa. Marka uu cadaydo ee fooldhaqdo ayuu makhaayada dabka u shidaa. Killi weyn oo biyo ah ayuu dabka ka dul qotomiyaa. Inta ay biyuhu karayaan ayuu makhaayadda rusheeyaa, si uu habaaska u dejiyo, dabadeed xaaqin mariyaa, oo gogol fadhi jawaanno ah saf iska soo hor jeeda ku soo wareejiyaa.

Marka uu intaa dhammeeyo ayuu miiska u gudbaa. Raadiye gaboobay oo ay Dahabo ka dhimatay ayuu lixda marka uu Raadiyow Muqdisho soo galo shidaa. Waxii weel ah ee aan nadiif ahayn ayuu xalaa. Marka ay biyuhu karaan xantoobo shaah ah ayuu ku tuuraa, si feejiganna u la socdaa si aanay u daadan. Bakeeriyadii miiska ayay u safan yihiin, sonkortii iyo caddayskiina dhinac yaallaan. Dabadeed qaaddada ayuu bakeeriga dhex geliyaa oo xoog ugu garaacaa: Dhalalalaw! Dhalalalaw! Dhalalaw!

In yar ka dib waxaa hormo hormo u soo gala rag ay ugu soo horreeyaan odayaal masjidka cariishka ah wardiga shaaha ku sugayay. Waxaa ku soo xiga koox dibjir ah oo debedaha ka soo toostay, kuwaas oo dabka shaahu saaran yahay hareeraha kaga xooma si ay dhaxantii darxumada ugaga diirsadaan. Dhawr nin oo kale oo isugu jira kuuliga tuulada iyo odayaal ay habrihii ka dhinteen ayaa iyaguna mid mid u soo gala. Qof iyo bakeeri caddaysan oo qiiqaya ayuu hor dhigaa.

Inta shaaha afka lagu hayo ayay Amran laba masafood oo canjeelo iyo sabaayad ah kadinka galbeed isla soo taagtaa. Negeeye oo markiiba arkay wejigeeda shucaaca qorraxda arooryo bari kaga soo dhacayo, oo aan dhalaalka u ka la garanayn dhididkii uu xalay kaga tegay iyo dhaashi cusub mid uu yahay, oo dhoollo caddaynteeda iyo indhaha waaweyn ee had iyo jeer si u oomman iyo labada dibnood ee si u hunguroonaya ku laabqaadmay ayaa qaabbila oo ka soo guddooma.

Marka uu canjeelada iyo sabaayadda diirran daboolka ka rogo, ee uumigu makhaayadda ku fido, ayay ragga meesha fadhiyaa hunguri la wada millikhsadaan.

“Waar quraac noo keen.” “Waar bal annagana noo keen.” “Anigana ii keen.” Suxuunta ayuu miiska saf u dhigaa, inta laga dalbaday ayuu ku goglaa, laba qaaddo oo sixin ah ayuu mid walba ku shubaa, laba qaaddo oo muqmad ah dusha ka saaraa, in sonkor ah ku daadiyaa, xoogaa shaah bigays ah ku qooyaa, dabadeed raggii dalbaday hor dhigaa, nin iyo bakeeri kale oo shaah ahna uga daba geeyaa.

Inta uu hormadaa tuulada ka soo toostay fulinayo ayay siddeedda gaadhaa, dabadeed waxaa soo dhacda xoolodhaqatada. Caano geel oo ay qaarkood sidaan ayuu digsiyo waaweyn oo uu diyaarsaday ku wareejiyaa, meel rays ahna gunta u dhigaa, maanta oo dhanna qofkii dalbadaba koob qabow u daraa.

In kasta oo uu canjeelo, sabaayad, oodkac iyo caano hayo, waxa ugu badan ee laga gataa waa shaah aad u kulul oo ay caleenta, caddayska iyo sonkortu ku badan yihiin. Kaas ayaa toban toban bakeeri laga cabbaa oo maalin oo dhan muran iyo maanso lagu madaddaashaa. Carraabaha kolka la gaadho ee la xisaabtamo ayaa xanaaq la bilaabaa xisaabtana ogaan loo xumeeyaa.

“Sidee afar iyo toban shaah ah la iigu yeeshay? Haantii dhammayd ee caanaha ahayd miyaadan waxba ii xisaabin? Labadii harag ee aan saaka keenay mid baa iga socon waayay ka kalena sonkor baan ku miisanayaa ee waxa aan qabo xisaabtii hore u gee.”

Dadka noocaas ah ayaa makhaayadda macmiil u ah. Inta ay jeebka wax ku hayaan waxaa ka badan inta aanay ku hayn, inta ay wax bixiyaanna waxaa ka badan inta ay amaahdaan.

Marka ay xoolodhaqatadu casarka carraabaan, Negeeye makhaayadda horteeda ayuu fadhi ku goglaa, ragga inta tuulada u hoyata qaarkood ayaana halkaa shaah kaga dalbada. Laanta af Soomaaliga ee BBC-da oo uu keligii mawjadda ay ka hadasho yaqaan ayuu saaraa. Halkaas ayaa wararka dunida oo wax aan la fahmayn u badan lagu dhegeystaa. Warka keliya ee ay xiiseeyaan, oo ah roob iyo doog, BBC-da laga ma sheego, haddana dhegeysigeeda ma daayaan.

Fiidka marka ay dhawrkii halkaa ku caweeyay hamaansi dabadii ka la hoydaan, Negeeye makhaayadda ayuu albaab foosto la fidiyay ka samaysan afaafka quful ugu taagaa, dabadeed shaqo maalmeedda ku soo gunaanadaa in uu Amran mutulka ugu tago oo ilaa saqdadhexe waxii ay ka la qabaan ka la soo xisaabtamo.

Dumarka tuulada tii makhaayadda Negeeye dan ka yeelataa ma soo gasho ee mutulka Amran ayaa laga soo maamulaa, cuntada uu iibiyana iyada ayaa soo samaysa, xisaabo kalena waa ay isugu jiraan. Labadooda midna wax ma qoro, xisaabtana xasuusta ayay ku ilaaliyaan, maskaxda iyo faraha ayayna ku xalliyaan. Saqdadhexe marka ay xisaabtu u ka la dhammaato isaga oo daal kax ah ayuu makhaayada dermo duug ahna madaxa iyo mijaha duubaa.

Negeeye haddii uu ahaa kuray ay Amran hoos u eegto, waa kaas maanta indhaheeda, maskaxdeeda iyo gogosheedaba buuxiyay. Waa taas casarka isu sii qurxinaysa cishahana hoostiisa ka taahaysa. Garabyo weyntii Haybe hormuudka u ahaa, ee marka ay mutulka soo gelayaan Negeeye ka tallaabsan jiray amaba ku sii joogsan jiray, waa taa aan ninna cayaar ugu soo dhacayn.

Mar haddii se uu ahaa xidhiidh qarsoon ee aan guur xalaal ahi meesha jirin labadooduba waxay qabeen welwel joogto ah, waagii beryaba Negeeye wuxuu filayay in ay war dhiillo leh u sheegto. Habeen habeennada ka mid ah ka dib markii ay xisaabtameen isaga oo bixid u qalab qaatay iyaduna sidii dhar uu iska bixiyay ay weli gogosha daadsan tahay ayay wayddiisay:

“Sow ma ogid in ay wax waliba dhici karaan?” “Wax walba oo maxay ah?” “Wax ku saabsan xisaabta inaga dhexaysa?” “Waxba ku ma jabna, haddii ay wax qaldamaan waa aynnu saxaynnaa.”

“Sidee baynu u saxaynaa?” “Waa aynu isguursanaynaa.”

Waa ay faraxday. Inta ay fadhiga ka boodday, oo isaga oo taagan dhunkasho ku waashay, oo laabtii ay ogayd in uu jecel yahay ku camcamisay, ayay wayddiisay:

“Imikaba maynu isguursanno?” “Imika diyaar u ma ahi.” “Maxaad ugu ahaan wayday?” “Waxyaalo kale ayaan horta u baahan ahay in aan qabto.” “Waxyaalo maxay ah?” “Waxyaalo aadan shaqo ku lahayn.” “Mise waxaad ka baqaysaa haddii aad i guursatid adiguna in aad dhimatid?”

Negeeye aragtida dadka ee Amran ku saabsan, ee ah in ay tafadhiig tahay, isagu wax aragti ah ka ma qabo. Wuu ka aammin baxsanaa waxyaalaha ay dadku sheegaan oo badanaa beenooba ama isburiya, sheekadaana wuu maqlaa uun halkaana ka ma qaado.

“Maya ee waqtigan guur diyaar u ma ahi.” “Ninkaygii hore muxuu u dhintay?” “Adiga ayaa iiga war roon.” “Laakiin waa anigii kuu sheegay ee maxay ku la tahay?” “Tiisii ayaa dhammaatay. Ilaahay baa dilay, sidii aad adiguba tidhi.”

“Tafodhiig in aan ahay miyaadan rumaysnayn?” “Waxba ma rumaysni ee dadka hadalkooda ha isku mashquulin.” “Adiguba ilaa maalintii aad wadaadka looxa la dhacday waxay kuu yaqaannaan ‘Habaarqabe’.”

“Waan og ahay. Waa dad dulli ah, wadaadkaas afka xun ayaa wada dullaystay.”

“Waa ay inoo ka la shakisan yihiin … maya ee waa ay isku keen og yihiin, waana ay ina neceb yihiin”, ayay tidhi iyada oo malaha dareensiinaysa in ay isku doon saaran yihiin dadka kalena dhinac ka wada yihiin si ay fikradda guurka ugu riixdo.

“Jacaylkoodu muxuu kaala maqan yahay?” “Waxba haddii aad adigu i jeceshahay. Horta maxaad isaga dhigtaa in aadan i jeclayn?”

“Sidee baan isaga dhigaa?” “Weligaa kaa ma aan maqal.” Uma uu jawaabin. Naftiisu in ay si aad ah ugu baahan tahay wuu ogaa, laakiin ma jeel baa mise waa jacayl? Bal iyadu in ay qof jinni tahay maxay ragga kale hoosta ugu wadataa? ayuu iswayddiiyay. Laakiin jawaaabta wuu garanayaa. Berigii ay Dahabo dhimatay, ee ay isaga iyo iyaduba bakhtiga xalaashadeen, sidii ay nimankaa dabinkooda u gashay dib miyay uga baxday? Waxay ku noqdeen xanan ama xuub caaro marka ay meel iska fujisaba meel kale kaga dheggan.

Waa se la og yahay ee sidii uu Negeeye doob u noqday raggaasi, xataa Haybe, dhukus iyo dhuumasho mooyee, indhihiisa oo shan ah miyay Amran ku soo dhacaan? Kabash kabash iyo kadalloob mooyee miyirqab iyo maryo dhigasho miyay kaga muraadsadaan?

“Negeeye, runtii ma i jeceshahay?” “Haddaa miyaan ku neceb ahay?” “Waxaasi ma jawaab baa?” “Haye, waan ku jecel ahay.” Isla markaa niyadda wuxuu iska lahaa: wax kale u ma dan leh aan ahayn raggaa ay iyadu qosolka ku soo dhoweynayso in aad adigu sida eeyga ugu cidid. Haddii uu jacaylku dhab ka yahay, ama guur qiimo u hayso, fadeexadda sida daadka gurigeeda ugu soo qulqulaysa ayay iska moosi lahayd.

“Sababtii dhimashada ninkayga haddii aan kuu sheego ma iga rumaysanaysaa?”

“Maxaan kaaga rumaysan waayay?” “Cudurka duumada ayuu awalba la ciirciirayay, labadii habeen ee arooskana hilib idaad iyo dambar geel baa lagu wadne gooyay, aniguna illayn gabadh aan faro baran baan ahaaye aad buu ii la raftay, oo dhididka iyo dhareerka ayaa ka dhammaaday. Sidaas ayuu Alle u ma naxariiste ku naf waayay.”

“Waa caqligal, maxaad se miskiinka u habaaraysaa?” “Waxaan u habaarayaa sida aan macnaha lahayn ee uu u bakhtiyay. Noloshaydii oo dhan ayuu qarribay.”

Intii ay wada hadlayeen ayuu badhammadii shaadhka isdhaaf u xidhay, dabadeed inta uu dib u furfuray mar kale soo bilaabay. Iyaduna hadal kale ayay u gashay si uu u la sii joogo.

“Waa maxay waxyaalaha aad rabtid in aad guurkeenna ka hor marisid?”

“Waan kuu sheegay in aadan shaqo ku lahayn.” “Ma kuu fooxiyaa?” “Goorma ayaad fooxiso noqotay?” “Ma aan noqon ee waan ku dhashay.” Si wanaagsan ayay debeecadda Negeeye u taqaan, isaga oo aan hadlin ayay waxa uu ku fekerayo garan kartaa. Waxa uu maalmahan qorshaynayo isaga oo aan la soo qaadin ayay haddana hubtaa, ku mana faraxsana. Sidaas awgeed haddii uu ka yeelo in ay u fooxiso waxay isku dayi lahayd in ay taladaa ka baajiso. Laakiin ka ma uu yeelin. Isku nolol ha ahaadeen, laakiin arrin sidaas u weyn ku ma aammini karo. Wuxuu haystaa maahmaahda ah ”Naagi shisheeye iyo sokeeye midna ma aha”. Waa ay jirtay in uu guurkeeda hore uga fekeray, waxa ay se ahayd intii aanay taladan jiifka iyo joogga u diidday ka ma dambays ugu dhalan. Habeenkaas wuxuu ahaa labaatan jir.

Labaatanjirnimadu macne gaar ah ayay Negeeye u lahayd, malaha se dadka oo dhan ayay macne gaar ah u lee dahay. Waa halhays joogto ah in marka qof la guubaabinayo, ha yaraado ama ha weynaadee, lagu yidhaahdo “waxaad tahay labaatan jir!”. Malaha dareenka noocaas ah ayuu ahaa kii ku dhiirriyay in uu sannadkaa waxyaalo badan si dhab ah uga fekero, oo ay ka mid ahayd in uu Amran guursado oo iska dego. Waxaa se ku sii xoogaysatay arrintan uu beri fog goostay maskaxdiisana joogto ugu soo noqnoqon jirtay. Imika go’aan adag ayuu gaadhay, fikraddii guurka wuu laalay, wuxuuna goostay in uu qori iibsado.

Wuu ogaa in ay tahay talo kol ay hooyadii ku tahay cid waliba ka naxi doonto, laakiin cidna dan ka ma uu lahayn. Baqdin iyo xamaasad wadajir ah ayaa galay. Hadafkiisa oo dhan wuxuu ka dhigay sidii uu u ururin lahaa lacag qori u goysa. Xoogaa uu makhaayadda ka la soo baxay iyo xoogaa kale oo uu ka nahaabay ayuu faraqa ku guntay. Qaadkii iyo sigaarkii wuu yareeyay, awalba dhar macno leh ma iibsan jirin maalintaa ka dibna shay dambe ma iibsan. Shilinka soo galaba waxii cuntada uga soo hadha wuu kaydiyay. Sagaal bilood ka dibna wuxuu hayay lacag qori u goysa.

Muddo aan badnayn markii uu qori iib ah raadinayay ayuu nin miyiga tuulada ku noolaa geeliisii xaraashay, wiilashii magaalo iskuul kaga daray, isaguna isu diyaariyay in uu guuro, wuxuuna sheegay in uu qorigiisa iibinayo. Beryahaa Soomaaliya waxaa ka baarqabbaynayay kacaankii askarta, dagaalkii qabiilkuna hoos ayuu u dhacay intii aanu mar labaad soo laba kaclayn. Sidaas darteed xiisaha hubka loo hayay ma badnayn, bundukhaas iibka ahna sidii caadada ahaan jirtay lagu ma soo qamaamin, isaga ayaana ahaa ka keliya ee si dhab ah u gorgoriyay. Sidaas ayuu ku hantay qorigaas oo ahaa waxii uu ugu jeclaa in uu yeesho.

Dad badan baa Negeeye ku la yaabay in uu isaga oo sidaas u arradan oo u baahan haddana lacag intaa la’eg ku iibsado qori aanu geel iyo gammaan toonna u lahayn. Waxa ay se ahaayeen dad aan dabeecadda Negeeye ama taariikhda aqoon. Laakiin dadka wax u fiirsadaa xaaladda si kale ayay u arkayeen. Taa waxaa u marag ah galabtaa uu hubka iibsaday odayaashii Damalweyn ugu mudnaa Negeeye waxay la tageen geed weyn oo garta lagu naqi jiray, wax ayna u caddeeyeen dhiiggii aabbihii ee la iska xaq iyo xaal mariyay, la iska dhaarsaday, ee laga heshiiyay, haddii uu maanta wax ka hibanayo in uu sheegto oo si walba loogala xaali doono, laakiin aanu godob geysan. Isaguna wuu dafiray in uu qoriga haba yaraato ee dhagar ka lee yahay. Isla markaa wuxuu oggolaaday in uu Kitaabka Qur’aanka gacanta saaro saddex jeerna magaca Ilaahay ku dhaarto in aanu ku talo jirin fal taa ku saabsan.

Galabtaas markii ay odayadu u sheegeen in ay doonayaan in ay la hadlaan wuu gartay waxa ay ka la hadlayaan, wuuna ka fekeray in ay dhaari iman doonto. Sidaas darteed inta uu tuulada ka yar baxay ayuu kaadidiisa labada sacab ka buuxsaday oo ku faroxashay, si aan Kitaabku u qaban. Waayo sinaba uguma uu qanacsanayn wax aan ahayn talada uu goostay. Magta aabbahaa ee la sheegayaa sow ma aha boqolkii halaad ee markii tolka mag wadaagta leh loo qaybiyay ay adiga iyo Dhool dhawrka tuldood idinkaga soo hagaageen? ayuu ku fekeray. Dhawrkii tuldoodna sidii ay kaliishii taa xigtayba hillaaca u raaceen miyaa dib loo arkay?

Waanadaa weelka daloola ku dhacday iyo dhaartaa kaadida ku dhammuuqani waxay ahaayeen waxa keliya ee galabtaa la samayn karayay. Sidaas ayaa lagu ka la carraabay. Maalintii uu qoriga iibsa- day dhawr cisho oo ku xigay Negeeye tuulada si caadi ah ayuu ugu noolaa. Dabadeed maalin isaga oo aan cidna wax u sheegin ayaa si kediso ah loo waayay.

Galabtaas Goodir tuulada wuu ku daahay, qorrax dhacii ayuuna koonfur qumman iyo dhankii reerkiisa u carraabay. Keligii ayuu ahaa, sidii caadada u ahaydna qorigu degta ayuu u saarnaa, xabbadduna dhuunta ayay jiiftay. Cishooyinkan oo dhan sidii uu cadawgiisu hubka u iibsaday si dheeraad ah ayuu u digtoonaa. In kasta oo uu ku dadaalay in aan taa laga garan haddana waa la wada arkayay degganaansho la’aanta iyo baallo daymadiisa joogtada ah, iyo qorigiisa had iyo goor cabbaysan ammaanku ka rogan yahay.

Afar boqol oo tallaabo in aan ka badnayn markii uu makhribkaa Goodir tuulada ka baxay, ee jeexa madaxa la galay, ee ay qorraxdu cabbaar godka ku sii maqan tahay, habeenkii madoobaana bari ka soo gurguuranayo, ayuu garabkiisa bidix ka maqlay jaqaf aad mooddo qori qallalan oo qof isku taagay. Si digtoon ayuu isaga oo aan tallaabada hakin u jalleecay waxba se ma uu arag. Sharqantii uu maqlay ayuu mar kale maskaxda dib ugu soo celiyay iskuna dayay in uu maleeyo waxa ay noqon karto. Shaki aan bilawgii gelin ayaa galay, qori ammaanka laga rogay ayuu ku maleeyay. Isaga oo weli tallaabo dheeraynaya ayuu dhegta raariciyay jalleecadana meeshii ku celiyay, wax dhiillo geliya se ma maqal mana arag. Marba marka ka dambaysa ayay se cabsidii ku sii xoogaysatay, ilaa uu malihiisu u batay in ay balaayo ku xeeran tahay. Kiishkii ayuu garabka ka ka la riday, qorigii oo cabbaysanna labada gacmood isugu geeyay, dhegaha iyo dhaayahana shaqadooda xoojiyay, tallaabadana hoosta ka sii xaday.

Mar kale ayuu wax maqlay, tallaabo labalugoodle ayay imikana u la ekaatay, laakiin waxba ma hubo, muuqna ma arko. Galow ayaa si kediso ah hortiisa uga duulay, naxdin iyo argaggax ayuuna Goodir ku dhowaaday in uu dib u dhaco. Qolof adag ayaa madaxa ka fuushay, timaha iyo xaadduna waxay noqdeen qodxo. Wadnaha ayaa si ba’an u boodbooday, dhabarkana markiiba dhidid qabow ayaa qooyay. Fulay haadkarroor ah ayuu isu arkay, laakiin dhan laga jiro ayaanu garanayn ee dhulku caawa nabad ma aha.

Imika waa himsehimse oo habeenkii waa uu soo durkay gudcurkiina ka soo daray. Yuu se gudcurku dan u yahay ma ugaadhsadaha mise la-ugaadhsadaha? Mar kale ayuu isla dhankii hore sanqadh ka maqlay, markii uu dhakhso u jeestayna waxaa ka hor yimid cod uu garanayo oo leh: “Goodir, sow i ma aad filayn?” Waa Negeeye.

Isla markaas ayuu arkay malluug dheer oo madow iyo qori xaggiisa u soo liishaaman. Isaga oo dhinaca kale u sii boodaya ayuu qorigii dhanka Negeeye u jeediyay, keebkana farta ku la degdegay, waxba se ma uu haleelin oo xabbaddii Negeeye ayaa laabta ka haleeshay iyada oo qiiqaysana dhabarka ka boodday. Isaga oo dhulka daadsan markii uu isa soo dul taagay lugaha oo keliya ayaa sii dhaqdhaqaaqayay, qorigii iyo kiishkiina labada dhinac ayay ka ka la yaalleen. Markii uu arkay in ay xabbaddu shafka kaga dhacday wuu ku diirsaday waayo waa isla halkii ay aabbihii xabbaddu kaga dhacday sidii loo sheegay.

Muddadii uu tabaabulshaysanayay wuxuu goor walba ka fekeri jiray dareenkiisu sida uu noqon doono marka uu maydnimo Goodir dhulka u tuuro. Imika se arrintu sidii uu moodayay waa ay ka la fudud dahay, dareenka keliya ee uu iska helay waa qaraxii xabbadda oo ka duwanaa tobannaankii xabbadood ee uu hore u maqlay iyo xoogaa baqdin ah, isaga oo xataa ka baqay Goodir in uu ku soo kaco. In uu xabbad labaad u celiyo ayuu ku fekeray, laakiin maya, waa gunnimo iyo fulaynimo.

Imika luguhuna dhaqdhaqaaqi maayaan oo waa kaa sida dogob ama duddun dhacday dhulka iska daadsan. Sidii wax weligii meesha iska yaallay waa kaas durba dhulka ka mid noqday. Ma Goodir baa mise waa wax kale? Dareenka Negeeye ka ma duwana maalin uu isdul taagay waraabe la toogtay oo ay markaa naftu ka baxday. Maalintaas ka hor dhurwaaga wuxuu moodi jiray wax meel fog uun laga halacsan karo ee aan loo dhowaan karin ama la taaban karin.

Maba uu moodi jirin noole wad leh. Xaaladdaa waxaa u la mid ah ninkan galabta halkan daadsan. Run ahaantii wuu u qaadan la yahay. Dilku waa xeer furashadu se waa xaal gumeed. Qorigii Goodir dhinac yaallay oo qiimo badan lahaa Negeeye sidaas ayuu kaga dhaqaaqay. Haddii uu qaato isaga iyo tolkiiba waxay u soo jiidi lahayd dhegxumo aad u weyn, waayo waxay ahaayeen laba reer oo xidid, xigaal iyo ood wadaag intaba ah. Waxa uu tirsanayay dhiig buu ahaa ee ma ahayn dhac, kiina hel.

Xabbaddaas sukada ah ee fiidcilcillawga qaraxeeda la wada maqlay in ay ahayd mid goysay naf aadami qof waliba sida uu ku gartay si ayuu ku sheegay. In kasta oo ay ahayd wax la filayay, dadkana dhegtu wada taagnayd, haddana markii dambe siyaalaha looga hadlay waxay muujisay mowqifka uu qof waliba dilkaas dhacay ka taagnaa. Tusaale ahaan Aw Faarax oo nacaybka Negeeye ku caan baxay wuxuu yidhi:

“Ma xabbad la garan waayo ayay ahayd? Maalintaa waan soommanaa, markii ay xabbaddu dhacdayna timmirtii aan ku afuray wax ay ii dhadhantay dhiig, biyihii aan ku luqluqdayna la mid bay ahaayeen. Markiiba fiinta ayaa ci dheer ku dhufatay, cirkana sagal xinjir ah ayaa aniga oo arkaya isku aslay. Waxaan sugay xabbaddii jawaabta, weli se waan sugayaa.”

Waa beentiis ee markii dilku dhacay cirku sagal iyo midab kale toonna ma lahayn ee wuxuuba u dhowaa habeen madow. Shaki laga ma qabin wadaadku in uu ahaa naarafuuf iyo diredire, gaar ahaanna hadalkaas u la dan lahaa Cali Goodir oo Negeeye gu keliya ka yar. Laakiin dadka kaleba Negeeye waxaa ay huwiyeen hiif iyo habaar.

“Wacad Alle ku qabay! Dhaartii uu isaga xor ah xiskiisuna dhan yahay Kitaabka Alle ku xagaf siiyay yaa ku khasbay!” ayaa lagu celceliyay.

2

Isku habeen ayaa laba ilmood mid cudur ku dhalanayaa midna caafimaad. Mid baa u dhalanaya qoys hodan ah oo qasri ku nool, midna qoys dawarsada quudka ay ku nool yihiin. Ka hore muxuu abaalmarintaa ku mutaystay, kan labaad se ciqaabtaa ku galabsaday? Qaddar? Wax badan baa la isku dayaa in la qeexo macnaha qaddar, laakiin qofka cilmi kororsi qodobkaas ku saabsan cid u la taga shaki ku ma jiro in uu la soo noqonayo jahli ka weyn kii uu awal ka qabay.

Haddaba bal aynu arrinta fududayno oo qaddarka u bixinno sabab. Sababo badan oo isbiirsada ayaa abuura fursad la eedo ama loo aayo. Noolaha qudhiisuna sababaha uu eedayo ama u aayayo abuuristooda wuu ka qayb qaataa. Sabab qalaad oo dusha ka timid iyo ta la abuuro dhexdooda ayay doorasho iyo xorriyadi ku jiraan. Labadaa kefadood hadba ta cuslaata ayaa dhankeeda loo ciiraa. In kasta ha la’ekaato ee haddiiba ay doorasho furan tahay dadka qofba waa halka uu nolosha ka abbaaraa; waa halka uu dan bido ama dookhu u hoggaamiyaa. Talada oo xumaata ama samaata, toogashada yoolka oo qalloocata ama qummanaata, iyo dadaalka oo bata ama yaraada, ayaa miisaanka kefedda labada dhan mid uun u ciirin kara.

Galab ay xagaayo culusi markaa Xamar ka kacday ayay nin konton jir ah oo dhutinaya iyo kuray kow iyo toban jir ah oo wada socdaa waddada 26-ka Juun, intii aanay isgoyska Kaasa Bobballaare gaadhin, dhanka bari u gooyeen. Wiilku wuxuu gashan yahay laba qayd oo uskag ah uu mid guntan yahay midna garabka ku sito, iyo kabo maas ah oo duug ah, timuhuna u ma shanlaysna. Intiisa wuu ku dheer yahay, waa wayd, da’da uu jirana waa loo garan karaa. Odaygu isaguna wuxuu xidhan yahay macawis iyo shaadh duug ah, kabo maas ah iyo go garabka u saaran. Wuu dhutinayaa tukubi se maayo, waxaana ka muuqda xoog iyo caafimaad. In kasta oo ay tallaabo dheeraynayaan yarku wuu baallodaymoonayaa, wax walbana sii eegayaa oo la yaabayaa. Qacda horeba waa la garanayaa in ay yihiin reer miyi.

Albaab ganjeelo ah ayuu odaygii garaacay, waxaana ka furay nin dheer oo dhawr iyo afartan jir ku qiyaasan oo ay labada dhafoor cirro ka rushaysay. Ka dhutinaya ayaa da weyn laakiin haddii loo fiirsado waa ay isu eg yihiin. Ninkii dhutinayay ayuu si diirran u gacanqaaday, haddana yarkii gacan weyn oo ay tiisii yarayd ku dhex luntay inta uu ku salaamay madaxa u salaaxay, dabadeed gudaha u gudbiyay. Markii shaah iyo cabbitaan kale la wada cabbay ee la isyar waraystay ayuu kii reer miyiga ahaa yidhi:

“Rooble, ninkan yar waad garanaysaa ayay i la tahay. Waa Raage, waxaan kuugu keenay in aad dad ka dhigtid oo meel ka soo saartid, sidii aad hore u tidhi.”

Rooble yarka waxaa ugu dambaysay laba sano ka hor markaas oo uu miyiga soo booqday. Laakiin si fiican ayuu wejigiisa u xusuustay. Leyla Rooble, oo Raage gu ka yar, iyo hooyadeed Qarad ayaa saddexda nin fadhiga ku weheliya.

Waxii ugu horreeyay ee Raage loo qabtay waxay ahayd in labadii qayd ee uskagga ahaa laga tuuro, loona qubeeyo. Markii uu Rooble islaantiisa Qarad u sheegay in ay inanka ay aayada u tahay u qubayso khajilaad ayuu la dhididay. Nin weyn ayuu isu arkayay ee in loo qubeeyaa sow carruurnimo ma aha? Laakiin cidiba isaga talo ma ay wayddiin ee sidii qof bukaansocod ah ayaa loo maamulay. Saabuun iyo shamboo udgoon ayaa habeeddii geela iyo toxobtii loogaga qubeeyay, dabadeed loo geliyay macawis iyo shaadh aad uga weyn oo Rooble lahaa, waxaana loo ballanqaaday in berri dhar la’eg loo soo iibin doono.

Waxyaalihii uu magaalada ku soo arkay iyo gurigan weyn, cuntadii dhadhanka cusub lahayd ee lagu cashaysiiyay iyo saabuuntii udgoonayd ee loogu qubeeyay, dharka nadiifta ah ee loo geliyay iyo sariirta debecsan ee aanu weligii gogol la mid ah dhinaca dhigin, intuba Raage waxay ku abuureen cabsi iyo farxad isku jira ilaa uu mooday in uu riyoonayo. Laakiin wuu daallanaa, sidaas darteed markii uu casheeyay ee qol bannaan la seexiyay judhiiba wuu gam’ay.

Raage in uu Muqdisho yimaaddaa waxay ahayd fursad iyo nasiib, qaddar. Geela badan ee aabbihii in uu wax ka dhaqo, magaca tolkiina meel ka galo, ayaa ahaa labada ujeeddo ee sidiisaba loo dhalay. Laakiin gugii uu kow iyo toban jirsaday, goor barqo ah, isaga iyo aabbihii, Xirsi-Micilibaax, oo geela la wada jooga ayay samada ka maqleen guux xoog leh. Markii ay eegeen waxay arkeen diyaarad masaafo aad u sarraysa duulaysa oo ay qorraxdu si aad ah midabkeeda cad u muujinayso. Midkoodna weligii iyada hawada jibaaxaysa mooyee diyaarad si kale u ma uu arag. Raage markii uu diyaaraddii cabbaar eegay ayuu khayaaliga maskaxdiisu godladay.

“Bal aabbe ka warran diyaaraddaa waxaa wada nin aniga i la mid ahe!” “Haa, nin qayrkaa ah ayaa duulinaya.”

“Aniguba waan duulin kari lahaa haddii aan barto”, ayuu yarku ku faanay.

“Ma doonaysaa in aad baratid?” “Maxaan u dooni waayay. Laakiin xaggee lagu bartaa?” Diyaaraddii waa ay libidhay, guuxiina wuu aamusay. Hadalkaas ay isaga iyo wiilkiisu isdhaafsadeen maskaxda Micilibaax wuxuu kaga tegay raad, cabbaar ayuuna ka sii fekeray. Waqti aan maalintaa ka fogayn waxaa booqasho ugu yimid nin ay walaalo yihiin oo mutacallim ah, oo Xamar ka shaqeeya. Wuxuu ahaa Rooble oo siiyay talo ah in uu wiilasha qaar u keeno si uu wax u baro. Wuxuu si gaar ah u xasuustay in uu ku yidhi:

“Ninkaa Raage aan wax baro oo dad ka dhigo ee dhakhso iigu keen.” Micilibaax hadalkaa walaalkii berigaa si dhab ah ugama fekerin, laakiin maanta ayuu dib u dhuuxay. Wuxuu maskaxda ka sawiray Raage oo maalin maalmaha ka mid ah diyaarad hawada cayntaarinaya. Taasi wax xun iyo wax san midka ay tahay ayuu ka fekeray. In samada la duulaa awood Ilaahay iyo mid sheyddaan ta ay noqon karto ayuu maleeyay, wuxuuna u arkay mucjiso in laga war doono mudan. Wuxuu lee yahay lix wiil oo Raage ka waaweyn iyo afar ka yaryar, sidaas darteed haddii uu isaga iskuul ku daro rag geela la dhaqa waayi maayo.

“Haddii aan adeerkaa Rooble kuu geeyo wax ma baranaysaa, mise saaqid sigaarka cabba ayaad noqonaysaa?” ayuu wayddiiyay.

Raage su’aashu waa ay ku kedisay. Waxay ahayd arrin ka weyn mid lagala tashado, waayo ma uu fahamsanayn waxa uu taa macnaheedu yahay. Laakiin goor dambe ayuu maleeyay waxbarashada iyo magaalada macnahoodu in uu noqon karo nolol la mid ah ta adeerkii Rooble ee dharka bilicda leh iyo saacadda xidhan, isla markaana farta gaalada akhriya. Berigaa waxii la akhriyo ee aan diinta iyo carabida ahayn waxaa loo yaqaannay “far gaalo”, waayo waxay ahayd intii aan af soomaaliga qudhiisa fartaa lagu qorin.

“Haddii aad adeerkay ii geyso, waxaan baran lahaa sida farta gaalada loo akhriyo iyo sida diyaaradda loo duuliyo.”

Maalintaas ayuu Micilibaax Raage dhoof u tabaabulsheeyay. Isaga oo magaalo soo galay haddana wuxuu noqon kari lahaa geerashboy, jeeble, baalashle iyo tuug. Kumanyaal la fac ah ayay sababtu xaggaa u tukhaantukhisay oo ku nool lufluf iyo feenashada lafaha qaddarka. Isagana sababtu dhan kale ayay u hoggaamisay oo wuxuu la degay qoyska adeerkii. Waa qoys deggan oo ka kooban adeerkii Rooble oo ka shaqeeya Wasaarada Waxbarashada, afadiisa Qarad oo kalkaaliso ka ah Isbitaalka Guud ee Digfeer iyo gabadhooda keliya, Leyla, oo Raage gu ka yar. Waxay deggan yihiin guri ku yaal degmada Hodan.

Imaatinka Xamar wuxuu ku ahaa yaab farxad iyo baqdin labadaba leh, wuxuuna dareemay sidii uu duni kale u gudbay. Waxaa mar qudha isbeddelay wax kasta oo uu yaqaannay: arag, maqal, ur, dhadhan iyo taabasho intaba. Miyiga dareen kasta wuu oddorosi kari jiray, laakiin Xamar wax sidii ahi ma jiraan. Saxansaxadii roobka, urtii dhirta iyo xabagta, cawskii, rayskii, habeeddii geela, digadii xoolaha, xasharaadkii, raadadkii ka la duwanaa ee noolaha, waxaas oo dhan waxaa beddelay qiiqa shidaalka gubtay, sigaarka, dufanka, dhididka dadka iyo cadarka.

Waxyaalo badan ayuu bilawgii nolosha magaalada ka fahmi waayay, su’aalo aan tiro iyo xaddi lahayn ayaana maalin walba maskaxdiisa ku soo faruurmay. Bilawgii carruurta la da’da ah ee magaalada wuxuu u arkayay in ay isaga ka nasiib badan yihiin, wuxuuna ku dadaalay in uu ku daydo: sidooda u dhaqmo, lahjaddooda ku hadlo. Laakiin muddo ka dib ayuu ogaaday waxyaalaha ay ku dhaamaan in aanay ka badnayn waxyaalaha uu qudhiisu iyaga ku dhaamo. Af soomaaliga, suugaanta, dhaqanka iyo nolosha ballaadhan ee bulshada miyiga, ee aanay carruurta magaaladu wax badan ka aqoon, ayuu ogaaday in ay tahay aqoon qiimo leh. Gaar ahaan taa waxaa ku baraarujiyay Rooble oo arkay sida uu yarku laba dhaqan u dhex heehaabayo.

Waxyaalaha ku cusub ee uu sida weyn u la fajacay waxaa ka mid ahaa badda. Ilaa markii uu yaraa wuu maqli jiray bad, wuuna maleeyay in ay tahay biyo aad uga badan kuwa balliyada ee uu ilaa markaa yaqaannay. Laakiin maalintii ugu horraysay sawirkii uu ka haystay wuu beenoobay. Ma ay ahayn meel xoolo ka cabbayaan daafahana dhooqo ku ma ay lahayn sidii uu ku yaqaannay goobaha biyaha leh. Wuxuu isku dayay in uu eego halka ay ku dhammaato, wuu se arki waayay wax aan ahayn ban madow oo ay hirar cadcadi ku legdamayaan maraakiib ka la nooc ahina dhex gurguuranayso. Ishiisu waa ay qaban wayday meel ka sokaysa halka ay iyada iyo cirku iska galaan.

Baaxadda biyaha iyo baxaadeggoodu waxay ku rideen amankaag iyo dhabanno qabsi, cabbaar dhan ayuuna dacal taagnaa oo su’aalo iska wayddiinayay. Malaha roobkii dunida ka da’ay oo dhan ayuu daadkiisii halkan ku soo wada shubmay, ayaa fekerkiisa ka mid ahaa. Waxa ay ahayd xeebta Liido, isaga oo aan cid u sheegin ayuuna keligii maalin jimce ah halkaa tegay. Dadka aan tirada lahayn ee xeebta joogay waa ay wada faraxsanaayeen, oo xataa kuwa waaweyni sida dhallaanka ayay biyaha iyo bacaadka ku cayaarayeen. In kasta oo uu jawiga aad uga helay haddana markii uu arkay dadku in ay koox koox istaqaan u wada socdaan una wada cayaarayaan wuxuu dareemay kelinnimo. Miyiga ayuu ku dabbaal bartay sidaas darteed wax dhibaato ah ka la ma uu kulmin, waxaa se aad u xiise badnaa biyaha dhanaan ee la moodo in milix lagu milay iyo mawjadaha xoogga leh ee la moodo in uu jin ku galgalanayo.

Ragga waaweyni waxay ku dabbaalanayeen surwaallo hoose, dumarku se dhar caadi ah oo markii uu ku qoyay ku dhegey xubnahooda xasaasiga ahna wada muujiyay. Laakiin isagu sida kurayada la da’da ah ayuu qaawanaan ku dabbaalanayay, dharka iyo kabahana inta uu isku duubay ayuu meel aan ka durugsanayn oo biyaha debedda ka ah dhigtay. In kasta oo aanu baqdin badan ka qabin in laga qaato, oo ay dabeecaddii miyiga ee aamminka ahayd ku jirtay, haddan intaa isha ayuu ku hayay. Dabadeed mar dambe ayuu halkii ay alaabtu u taallay eegay, mise waxba ma yaallaan, markiibana wuxuu arkay saddex kuray oo sii sita.

Degdeg ayuu biyaha uga soo baxay oo dhankoodii isu sii daayay. Iyaguna markii ay arkeen in uu soo ordayo ayay cagaha wax ka dayeen. Isagu wuu qaawan yahay, iyaguna waa ciyaal suuq oo wax liita oo dhar lagu sheegi karo ayay xidhan yihiin. Cagta ayuu cagta u saaray. Ka dheerayn maayaan oo waa nin geel raaci jiray, laakiin waa saddex oo ka uu qabtaaba mid kale ayuu alaabta u tuurayaa. Dadku u juuqi maayaan oo waxaa la moodayaa ciyaal suuq cayaaraya.

Mid ayuu ku mintiday oo tabco ku legday, laakiin labadii kale ayaa inta ay ka rogeen isaga harraati iyo feedh ku waalay, dabadeed waa ay sii yaaceen. Degdeg ayuu u kacay oo sii eryaday, ilaa ay la galeen luuqyo yaab leh oo dhex mara xaafad lagu naanayso Jebeljaan, oo sida magaca ka muuqata aad mooddo magaalo jin. Halkaas ayay ugu dambayn iyaga oo dharkii sita kaga lumeen.

Isaga oo qaawan oo kabola, oo kulaylka ba’an ee qorraxda iyo harraad la haraaryoonaya, ayuu sidii dawac ugaadhsi ku soo hungoobay luuq ka soo baxay. Dharka laga qaatay waxaaba kaga daran lacag uu xaafaddii baabuur ugu raaco ma haysto oo qaddaadiicdii jeebka ayay ka raacday. Taa waxaa kaga sii daran xanaaqa haya, wuxuu ku dhow yahay in uu dillaaco. Wax tuug ah oo aan anshax iyo edeb lahayn, oo naftooda iyo tolkoodba ceeb iyo magacxumo u soo jiiday ayuu u arkaa nimankaa dharka ka la yaacay. Wuxuu ka la garan waayay taasi in ay tahay dhaqan ay dadka magaaladu leh yihiin iyo akhlaaq xumo kurayadaa u gaar ah.

Isaga oo aad u xanaaqsan, isla markaa qaawanaanta ka yaxyaxsan, ayuu oday cimaamad garabka ku sita gacanta ku dhegay oo ugu cawday:

“Adeer, ciyaal tuug ah ayaa dharkii igala yaacay ee cimaamadda i sii aan ilaa guriga sii guntadee.”

Odaygu markii uu kurayga qaawan ee gacanta haysta arkay ma uu haleelin feker aan ahayn in uu yahay derbijiif doonaya in uu jeeb siibo ama cimaamadda ka la cararo. Inta uu bakoorad ku waabiyay ayuu ku canaantay:

“Waar cimaamad lahaane iga fogow, nejis yahow nejisku dhalay!” Raage xanaaqii ayaa kaga sii daray orod ayuuna isa sii daayay, isaga oo gurigii abbaaraya ayuuna magaalada dhex jibaaxay. Wiilkan qaawan ee sidii faras shimbir qaba u xiimaya qofkii arkaaba wuxuu mooday in uu qoys nasiibdaran ka soo waashay. Laakiin isagu eegmada yaabban ee dadka sida dabaysha ayuu xuf ku dhaafayay. Milixdii badda iyo qorraxdu dubkiisii awalba madoobaa waxay u egaysiiyeen dhuxul maygaag.

Wax uu ordaba gurigii ayuu soo gaadhay. Isaga oo aan hareeraha eegin cidna la hadlin ayuu qolkiisa galay oo go ka soo guntaday, kijada inta uu galay ayuu biyo ka dhergay, dabadeed musqusha galay oo qubays bilaabay. Markii uu soo baxay qolkiisa ayuu hoosta ka soo xidhay oo sariirta isduubay. Cid walba wuu u xanaaqsanaa.

Xaafadda markii uu soo galay deriska intii arkaysay waa ay la yaabeen, carruurtuna waa ay ku qosleen oo qaarkood guriga ayay kaga dabo galeen. Aqalka markii uu soo galay qoysku fadhiga ayay wada joogeen oo maqnaantiisa ka hadlayeen. Isaga oo qaawan markii uu orod ku dhaafayna wax lagu maleeyo waa la garan waayay.

Maalintaas waxaa raacday naanaysta ah Qaawane.

***

Reerka uu Raage ku soo biiray waxay ahaayeen qoys aad u urursan. Dadka ay isbooqdaan aad ayay u koobnaayeen, bil isaga oo aan joogin ayuuna wada bartay dhammaan dadka ay isbooqdaan. Rooble iyo Qarad labaduba waxay ahaayeen dad hadal yar, si walbana uga duwan labadiisa waalid ee uu miyiga kaga yimid. Inta eray ee maalin dhan afkooda ka soo baxa waa la tirin karayay. Aamuska dartii bilawgii xataa waxaa uu ka shakiyay in ay qabaan cudur lagu magacaabo aamus. Wuu qirsanaa in ay isaga aad u xushmeeyaan laakiin waxay ahaayeen dad yaab leh. Waxaa se wehel u noqotay Leyla oo iyadu u muuqatay qof caadi ah.

Wuxuu kale oo ogaaday deriska iyo xigtadu qoyska in ay u yaqaannaan reer Gaal-ismood, waayo Rooble iyo Qarad waxay lahaayeen dhaqan ka bulshada ka duwan. Marka ay wada socdaan gacmaha ama dhexda ayay isqabsadaan, oo xataa marka ay doonaan dadka hortooda waa ay isku dhunkadaan. Rooble ragga ay afadiisu xafladaha ku la qoobcayaarto iyo kurayada ay Leyli raacdo midna kama hinaaso. Sababta dareenka hinaasaha ka qaadday waxaa lagu sheegay berigii uu Yurub wax ku baranayay in uu cunay hilib doofaar. Yaabka kale ee lagu arkay waa iyaga oo aan weligood tukan, xataa ciidaha, xataa jimcaha Rooble masjidka oo boqol tallaabo u jira ma tago.

Iyaga oo muddo dheer isqabay haddana in ay gabadh keliya isu leh yihiin loo ma arko qaddar Eebbe, ee dadka xantooda u jajabani waxay u badiyaan in ay dhasha iska xidheen. Wax kasta oo dabeecadda Rooble laga fahmi waayo waxaa lagu fasiray dhaqan uu dhul gaalo ka la yimid. Walaalihii iyo ilmo adeerradii intii aanay ka quusan si walba waa ay isugu dayeen in ay naag kale u guuriyaan si uu wiilal u dhalo. Sababtaas ayay Qarad u la wada col tahay oo ehelnimo kale ha joogto ee badankood albaabka ka ma furto.

Waxyaalaha qoyska lagu la sii colloobay ee lala wada fajacay waxaa ka mid ah Rooble iyo Qarad oo heshiis ku ah gabadhooda Leyla in aan la gudin. Gudniinka waxaa loo arkayay mid ka mid ah tiirarka islaamka, qofka aan gudnayna waxaa loo haystay nijaas ay taabashadiisu xaaraan tahay. Maalintaa horteed sheeko lagu ma maqal shaahidna lagu ma arag, rag iyo dumar, soomaali aan gudnayn. Rooble iyo Qarad markii taa lagala hadlay wax ay ku doodeen gudniinka iyo qodobka gabdhuhu in aanu diin iyo dhaqan wanaagsan midna ahayn, ee yahay taloxumo fircoon hinaasi ahi kumanyaal sano hortood maleegay.

Leyli in kasta oo ay cay joogto ah oo taa ku saabsan filkeed ku qabtay, haddana aad ayay ugu faraxsanayd in ay ka badbaadday hoogga iyo xanuunka ay qayrkeed qabaan. Asxaabteeda oo dhan mid walba markii la guday waa ay ogayd, waana ay la socotay waxii ay dhibaato iyo xanuun mareen.

Wax ka jira iyo wax lagu darayba dhaqanka Rooble iyo dadka ee sidaas isu mudayaa waxay sababeen isdhexgal la’aan. Laakiin isagu sidaas ayuu raalli ku yahay oo odayaasha xaafadda ee uu badowda u arko dhexgalkooda ma tabo, marka uu sheeko u baahdana asxaab tiro yar oo ay qaar isku shaqo yihiin ayuu makhaayad bunka lagu cabbo ku la kulmaa.

Raage waxa kale oo uu ogaaday sida deriska si ka daran Rooble in ay tolkii u neceb yihiin, taas oo ah sababta ay gurigiisa u iman waayeen. Maalin ayuu laba oday oo ay isxigaan albaabka ka furay, iyaga oo aan soo gelin ayay wayddiiyeen: “Adeer, sow ina Micilibaax ma tihid?” “Haa.” “Rooble ma joogaa?” “Maya, wuu maqan yahay.”

“Adeer, weynow oo wiil iyo caano noqo ee marka uu yimaaddo waxaad u sheegtaa: carradii waxaa ka dhacday dhiillo, oo nimankii ninka dilay laba nin baa laga soo dilay, waana laguu baahan yahay ee sannadkaa maanta ah nin lagu tashado iyo nin laga tashado mid uun noqo. Sidaas u sheeg adeer, hadalkaana cid kale yaanay kaa maqlin.”

Raage wuu ogaa nin uu yaqaannay oo qoyskooda ah in dhowaan miyi lagu dilay, sidii uu uga xumaaday si la’eg ayuuna in loo aaray ugu diirsaday. Wuxuu dareemay faan iyo islaweyni ah in aan tolkii laga adkayn lana liidi karin. Fiidkii markii uu farriinta Rooble u sheegayayna wuxuu filayay isaguna in uu si la’eg ugu farxo, laakiin wuxuu ku jawaabay:

“Dhiillo ha ka bixina! Weligood ma dhiillo ayay ku jirayaan?!” Danayn la’aanta danta xigaalka ee Rooble yarka waa ay kaga xanaajisay, wuuna fahmi waayay. Wuxuu u arkay fulaynimo, bakhaylnimo, tol nacayb iyo dhiigdarro, kuwaas oo dhammaan wada ah sifooyin aan nin sharaf iyo dadnimo ilaashanaya ku habboonayn. Dabeecadda adeerkii wuxuu dhinac dhigay tii aabbihii, waxaana u soo baxay laba qof oo si walba u ka la duwan. Sida uu uga xumaaday adeernimada Rooble si la’eg ayuu ugu farxay aabbenimada Mici-libaax.

Dhacdadaasi waxay ahayd tii ugu horreysay kuwo badan oo Raage ogaysiiyay ka la faquuqnaanta Rooble iyo tolka.

Si uu shakhsiyadda adeerkii u fahmo wuxuu xasuusta ka baadi goobay wax uu ka maqlay intii aanu u iman. Laakiin ma uu xasuusan wax macno leh oo aan ahayn hadal uu mar aabbihii ka maqlay kaas oo ahaa: “Rooble wuxuu igu yidhi: ‘Ninkaa Raage aan dad ka dhigo oo meel ka soo saaro ee dhakhso iigu keen.’ Moodi maayo qofku haddii aanu iskuul dhigan in uu dad noqon karo.” Xasuustaa yar wuxuu ka dhex helay xaqiiqo ah adeerkii tacliinta in uu u arko dadnimada, isla markaa doonayo isaga in uu dad ka dhigo.

In kasta oo uu xaqiiqsaday reerku in ay naxariis badan yihiin, haddana aad ayuu ugu hiloobay noloshii furfurnayd ee qoyskooda, wuxuuna aad ugu hiloobay cayaartii iyo kaftankii walaalihii. Laakiin qunyar qunyar ayuu u la qabsaday una jeclaystay qoyska iyo magaalada; qunyar qunyar ayuu u dareemay in uu ka raystay noloshii qallafsanayd ee miyiga.

Ina adeertii Leyla ayay si gaar ah isu fahmeen. Qudheedu ma ay hadal badnayn, waxa ay se u hadli jirtaey si nooc kale ah oo ka duwan sidii hablihii yaryaraa ee uu miyiga kaga yimid. Waxay ku hadli jirtay erayo waaweyn, mararka qaarkoodna wuxuuba moodi jiray in ay aad uga da weyn tahay, wuxuuna ku xasuusan jiray hooyadii. Tusaale ahaan si filanwaa leh ayay ugu amri jirtay: “Orod qubayso!” “Dharka iska beddel!” “Halkan miyigii ha moodin!” iyo wax la mid ah.

Qallafsanaanta reer miyinimada darteed in kasta oo ay u taag wayday waxay isku hawshay in ay indho iyo dhego u noqoto si ay maskaxda uga qabsato. Waxa ay se ugu yaab badnayd maalintii ay iyaga oo keligood guriga jooga wayddiisay:

“Ma taqaan sida ay dadku isu uureeyaan?” Wuu yaxyaxay, laakiin isaga oo iska ilaalinaya in ay ka ilhesho ayuu ugu jawaabay:

“Haa.” “Waa sidee?” ayay sii wayddiisay. “Adigu haddii aad taqaan waa sidee?” Markii ay aragtay in uu khajilay ayay si islaweyni leh u tidhi: “Inan fiican baad tahay, waxaad se tahay geeljire, markaas waxaan kuu sheegayaa wax cilmi ah. Waxaa isku darsama shahwada ragga iyo ugaxda dumarka, dabadeed waxaa ka abuurma ilmo. Waa isla sida ay xooluhu isu rimiyaan.”

Hadalkeeda inta hore wax badan ka ma uu fahmin, inta dambe ayuu se tixraacay wuxuuna ku jikaaray:

“Dadka iyo xooluhu ma isku mid baa?” “Haa, xataa geela.” “Dadka iyo xooluhu isku mid ma aha. Waxaas yaa kugu yidhi?” ayuu wayddiiyay isaga oo mar la yaabban marna libta u diiddan.

Daaradda ayay joogeenee iyada oo aan u jawaabin inta ay gudaha gashay ayay mid ka mid ah buugta hooyadeed la soo orodday. Wax uu ahaa buug caafimaad oo leh sawirro, waxayna soo rogtay bogag ay ku sawiran yihiin xubnaha taranka dadku. Si degganaan iyo isku kalsooni leh ayay bilaw ilaa dhammaad ugu sharraxday sida ay xubnahaasi u abuuran yihiin iyo sida ay u koraan; sida ay isu galaan iyo sida ay isu tarmiyaan. Waxay u egayd macallimad xariifad ah, laakiin isagu khajilaad ayuu la dhididay.

Maalin kale iyada oo qolkeeda wiil isaga la’eg sariirta la galgalanaysa ayuu arkay, dabadeed inta uu inankii debedda u eryay iyadana ku canaantay:

“Mar dambe haddii aan agtiisa kugu arko waan ku garaacayaa!” Iyaduna waxay isu difaacday si uu qaadan waayay iyada oo tidhi: “Waanu isjecel nahay ee adiga maxaa kaa galay?” Dhaqanka miyiga ninku ina adeertii difaaca sharafteeda mas’uul ayuu ka yahay, sidaas darteed Raage xil aan ka aabbaheed ka yarayn ayuu Leyla iska saaray. Laakiin dhaqan yaab leh oo uu ku wareeray ayuu qoyska ugu yimid. Rooble qudhiisu dhawr jeer ayuu islaantiisa Raage iyo Leyla hortooda ku dhunkaday kuna xoodaamiyay, taas oo ahayd caado Raage indhihiisa ku cusub. Filinkii ugu horreeyay ee uu galay, oo ahaa filin caddaan ah, ayuu dhaqankaas mar kale ku arkay, wuxuuna maleeyay in ay tahay halka uu adeerkii caadadaa ka keenay.

Wuxuu ka fekeray reerka uu u yimid hodan iyo sabool mid ay yihiin. Xaaladdooda dhaqaale mar wuxuu dhinac dhigay aabbihiisa geela badan, mar kalena qoysas deriska ah uu noloshooda wax ka arkay, laakiin waa ay ku adkaatay in uu xukumo. Marka uu eego baabuur la’aanta odayga iyo dahab la’aanta islaanta, ee uu qoysaska deriska ah qaarkood ku arkay, isla markaana eego xoolo la’aanta gaadhsiisan in ay xataa caanaha soo iibsadaan, waxay la noqotaa in ay yihiin foqoro. Laakiin haddana marka uu arko guriga ay deggan yihiin ee meesha ugu fiican Hodan kaga yaal, buugaagta armaajada weyn ku teedsan ee weliba intaa la soo kordhinayo, cuntada guriga laga cuno ee aad uga fiican tii miyiga, jimce walba sida ay qoyska oo dhami shineemo u galaan, iyo sida ay mararka qaarkood odayga iyo islaantiisu ruwaayad u aadaan, markaas malihiisu wuxuu u bataa in uu la nool yahay reer ladan.

Guriga marka ganjeelada laga soo galo albaabka waxaa ka soo horraysa daarad aan sidaas u weynayn laakiin nadiif ah oo geed weyn oo mirimiri ahi ka dhex qotomo. Shanta qol ee uu ka kooban yahay ka ugu shisheeya waxaa leh odayga iyo islaanta, ka bidix ka xiga waxaa leh Leyla, mid keeda ka soo horjeeda waxaa la dejiyay Raage, ka ugu sokeeya ee kijada ku xigaa waa ka fadhiga, mid shanaad oo kijada ka soo hor jeedaana waa ka akhriska.

Rooble waa nin tacliinta iyo wax akhriska aad u jecel. Ingiriiska ayuu jaamacad kaga soo baxay dabadeed shaqo uu markaas ku faraxsanaa Wasaaradda Waxbarashada ka helay. Dhaqanka wax akhris badnaanta ah oo uu qoysku ka siman yahay isaga ayaa hormuud ka ah. Qolka akhriska waxaa taal armaajo ay buugaag ingiriisi ahi ka buuxdo, waxaana dhex yaal miis ballaadhan iyo kuraas ku xeeran, ilays cad oo qolka dharaar ka dhigaya ayaana ka soo dul lusho. Halkaas ayuu inta badan marka uu guriga joogo wax ku akhristaa carruurtana duruusta kaga caawiyaa. Qolkaa waxaa ka reebban wax aan akhris ahayn. Gurigaas ayay reerku kiro ugu jireen ilaa markii ay Leyla oo maanta toban jir ahi labo jir ahayd.

Waxyaalahaa xiisaha iyo yaabka leh ee uu Raage Xamar ugu yimid wuxuu ka fekeri jiray una fiirsan jiray intii uu cusbaa ee uu firaaqada haystay, dhawr bilood ka dib ayuu se afar ku noqday saddexdii dhegoole. Wuxuu bilaabay dugsiga, luqadaha carabida iyo ingiriisida, oo ay maaddooyinka guud dheer yihiin ayaana isku mar loo bilaabay.

“Waxaad tahay kow iyo toban jir, tacliin aan Qur’aan ahayna ii la ma aad iman. Sidaas darteed wax walba waa in aad ka soo bilawdaa halkii aad lix jirkaagii ka soo bilaabi lahayd, isla markaasna aad labaatan jirkaaga jaamacad ku jirtaa. Waad samayn kartaa haddii aad doontid waayo maskaxdeeda waad lee dahay”, ayuu adeerkii ku yidhi habeen ay wada fadhiyeen qolka akhriska.

Raage hadalkaa u ma uu qaadan oo keliya talo ee wuxuu u arkay heshiis. Markiiba labadii luqadood degdeg ayuu uga adkaaday. Gaar ahaan ingiriisida oo ahayd ta uu qoraalada duruusta dugsiga ka baxsan ku akhriyo ayuu sannad in ka yar xakamaha ku qabtay oo ka dhigtay sange uu ugu duulo waxa aqoon ubucdeeda jiifta.

Shaki ku ma jiro qofku nicmo aanu haysan jirin haddii uu helo in uu siinayo qiimayn iyo jacayl ka badan ta uu siiyo qofka weligii iskaga dhex jiray. Sidii uu wax akhriska u bartay Raage buug waliba wuxuu u ahaa duni cusub oo uu albaabka u furay. Haddii ay ahayd in uu ka adkaado casharrada dugsiga intaasi kagama ay fillaan oonkii ba’naa ee jacaylka akhrisku ku abuuray. Mararka qaarkood saqdhexe ayuu hurdada ka soo boodi jiray oo buug uu fiidkii ka lulooday mar kale akhris u la fadhiisan jiray. Saddexdii sano ee ugu horreeyay waqtigiisu wuxuu u qaybsanaa dugsiga, miiska akhriska iyo sariirta hurdada.

Si uu u bakhtiiyo dabka ay aqoonta cusubi ku shidday wuxuu ku xidhmay maktabadaha, xarumaha dhaqanka ee shisheeyaha iyo meel kasta oo uu ka heli karo wax uu akhriyo, meelahaas oo uu Rooble geeyay.

***

Markii uu Raage Xamar soo galay laba sano ka dib ayuu goor caways ah miiska akhriska ka soo yar kacay una soo baxay daaradda oo uu hadal ka maqlay. Doob aanu weligii hore u arag oo dhego dhaadheer, ayaa Rooble iyo Qarad la fadhiya. Sida dharkiisa iyo timaha qaabka daran ka muuqda ma aha qof magaalo. Rooble ayaa ku yidhi: “Raage, ninkani waa ina abtigaa Negeeye oo ay dhashay eeddadaa Dhool ee kaalay salaan.”

Weligii ma uu arag eeddadii Dhool, wax badan ayuu se magaceeda maqlay iyo in ay u dhaxday beel ka fog meesha uu isagu ka yimid.

Negeeye markii uu Goodir diley dhawrkii cisho ee ka dambeeyay kaynta ayuu dhuumaalaysanayay, isbedelka xaaladdana xan dhegeysanayay. Wuxuu filayay qoyskii uu Goodir ka dhashay in ay aarsan doonaan, taasina ay abuuri doonto dagaal labada reer ka dhex qarxa, markaasna isaga iyo qorigiisaba loo baahan doono. Laakiin waxba ma ay dhicin. In kasta oo ay bilawgii xiisaddu cirka isku shareertay, laba dhinacna looga ka la dareeray, haddana xaalku wuxuu ku dambeeyay in la wada hadlo. Markii uu taa ogaadayna ma arkayn sabab macno leh oo Damalweyn ku celin karta. Sidaas darteed qorigii ayuu iibiyay, baabuur tuuladii uu qoriga ka iibiyay taagnaa ayuuna ku booday, saddex maalmood ka dibna waa ka halkan fadhiya.

Goor fiid ah ayuu Ceelgaab baabuur siisow ah kaga degay. Markii uu habaaskii safarka iska tumay, ee uu ilaysyadii xoogga lahaa ee Xamar hareeraha eegay, boqollaalka kun ee ku nooli isaga habeenkaa waxay u ahaayeen oo keliya qoyska abtigii, Rooble, oo aanu weligii maqal mooyee muuq ku arag. Haybi waa summad ee waqti badan ku ma ay qaadan in uu Ceelgaab ka helo nin ay isku reer yihiin oo keenay guriga abtigii.

Rooble ninkan cusub wuxuu ku la taliyay in uu dhakhso u barto xirfad uu ku shaqaysto. Wuxuu ugu celceliyay nolosha magaaladu in ay ka duwan tahay tii miyiga iyo tuulada, qofka aan xirfad lahaynina weligii sida dameerka dhabarka culays ku sidayo.

In muddo ah ayay ka wada fekereen xirfadda ku habboon ee ay tahay in uu barto, dabadeed waxay isla garteen in uu bilaabo barashada farsamada baabuurta. Imaatinkiisii bil ka dib ayaa la geeyay geerash farsamadaa laga barto. Waxay ahayd shaqo iyo waxbarasho isku dhafan, sidaas darteed lacag laga ma qaadi jirin isagana la ma siin jirin. Waxaa se lagu la heshiiyay marka uu barto aqoon uu shaqooyinka qaar ku qaban karo in mushahar yar loo bilaabi doono, ilaa uu farsamoyaqaan noqdo markaas oo mushahar buuxa la siin doono. Taasi waa ay raalli gelisay, wuuna ku mintiday. Maalin oo dhan halkaas ayuu ka shaqayn jiray, makhribkana guriga iman jiray isaga oo ay kor iyo kal saliid iyo habaas ku dhammuuqan yihiin.

Mararka qaarkood Rooble wuxuu siin jiray marba waxa uu u awoodo ee xaqaljeeb ah, wuxuu se ahaa nin qaad iyo sigaar lagu ibtileeyay, taas oo ahayd arrin uu Rooble aad u necbaa. Wuxuu ka welwelayay in ay carruurtu kaga dayato balwaddaa fooshaxun, wax uuna ka mamnuucay in uu marnaba guriga la yimaaddo. Bilawgii Rooble si weyn ayuu Negeeye u soo dhaweeyay, qunyar qunyar ayay se u ka la durkeen, balwadduna ma ay ahayn sababta keliya ee ka la durkisay.

Markii uu Negeeye reerka u yimid judhiiba si wanaagsan ayay isaga iyo ina abtigii Raage isu fahmeen. Waxay ka sheekaysan jireen nolosha miyiga ee ay isla yaqaanneen, gaar ahaan geeljirnimada oo ay labadooduba wax ka soo arkeen. Waxay isla qireen in ay tahay nolol sida geela loo nool yahay: sidiisa loo dheereeyo, sidiisa harraadka iyo gaajada loogu adkaysto, sidiisana khatar loogu jiro; nolol biyaha marka la helo uun la cabbo, oonta keli ahina tahay caanaha geela iyo hilib waxii la helo; nolol dad iyo dugaag waxii aadan adigu ka adkaaniba iyagu kaa adkaanaya, nin rag ahna ay jileec iyo liidnimo ku tahay in uu gaajoodo, harraado, daalo, luloodo ama debecsanaado.

Waxaas oo dhan ayay isla yaqaanneen kana sheekaysan jireen. Wuxuuse xidhiidhkoodu isbeddelay markii arrintani soo baxday. Maalin Raage iyo Leyla oo qolka akhriska wada jooga ayay wayddiisay su’aal uu la yaabay:

“Raage, weligaa qof ma dishay?” “Maxaad ii wayddiinaysaa, adigu ma qof baad dishay?” “Waxaan u malaynayaa reer miyigu waa wada gacankudhiigle”, ayay haddana tidhi.

“Maxaad ku keentay?” “Qofka qof dila weligii gacantiisa dhiiggu ka ma go’o, xataa haddii uu saabuunta dunida oo dhan badda la tago oo ku faroxasho”, ayay tidhi.

Waxba ka ma uu fahmin waxa ay ay doonaysay in ay ka hadasho. Wuu yaqaannay gacankudhiigle in uu yahay qof qof dilay, laakiin dhab ahaan in uu gacanta dhiig aan weligii ka go’ayn ku lee yahay ma uu moodayn, iyada ka horna ma maqal. Laakiin waxaa laga yaabaa in ay sidaas tahay, mana uu doonayn Leyli in ay doqon mooddo ama ka il hesho, sidaas darteed wuu ku raacay in uu og yahay. Laakiin maxay ku keentay? Su’aashaas ayuu mar kale wayddiiyay, wax ayna tidhi:

“Haddii aan qof gacankudhiigle ah kuu sheego ma ii ballan qaadaysaa in aadan weligaa cid u sheegayn?”

“Haa ee sheeg.” “Abbahaa iyo hooyadaa ku dhaaro.” “Ma naag baan ahay marka aan aabbahay iyo hooyaday ku dhaaranayo?”

“Haddaba wax kale ku dhaaro.” “Tol iyo taagba aan waayo haddii aan cid u sheego!” Dhaartiisa waa ay ku qososhay waayo weligeed hore u ma ay arag qof waxaas ku dhaarta, waxa ay se ugu jawaabtay:

“Qofkaasi waa Negeeye.” “Negeeye?” “Haa. Habeen isaga iyo aabbahay oo daaradda isku waraysanaya, aniguna aan ganjeelada taagan ahay oo aanay moodayn in aan maqlayo, ayuu u sheegay. Tuuladii uu ka yimid nin ayuu ku soo dilay, sababtaas ayuuna inoogu yimid, imikana wuxuu ka baqayaa in ay dawladdu ogaato.”

Markii uu Raage arrinta u dhabbo galay wuu rumaystay. In kasta oo aanu hadal cad ahayn mar ayuu qudhiisu maqlay Rooble iyo Qarad oo wax sidaas u eg hadalhaya. Wuu ogaa miyiga in la isku dilo, wuxuuna ka fekeray bal in uu garto qof uu yaqaan oo qof dilay, laakiin ma xasuusan. Ilaa markii uu garaadsaday aabbihii wuxuu ku arki jiray bunduq aanu marnaba dhigin, laakiin u malayn maayo in uu cid aan Faroole ahayn ku dilay. Haa, waa ay jirteay aabbihii in uu dilay Faroole oo ahaa nacab mudnaa in la dilo, waayo isaguba wuxuu ahaa dilaa aan beer qoyan bariin. Fekerkaasi wuxuu Raage xasuusiyay taxanihii sheekada uu aabbihii ku dilay laayaankii caanka ahaa ee ku magaca dheeraa Faroole. Isaga oo aad u yar ayuu bartay sababta aabbihiisa dhutiya loogu naanaysay Micilibaax, ee sida ay caadadu tahay aan loogu naanaysin Laangadhe ama Jiis.

Micilibaax, oo intii aanay naanaystu u bixin magaciisu ahaa Xirsi, isaga oo kuray ah iyo aabbihii oo markaa da dhexaad ahaa ayaa wada socdaalay. Goor ay ahayd casargaab, gaajo xumina hayso, oo ay marayaan gerigo’an laba beelood oo ka la fog u dhexeeya, ayuu odaygii sagaaro waranka daray. Dab ayuu oogay si uu hilibka ugu solo, intii ay dhamacdu caddaanaysay isaguna ku mashquulsan yahay qalista sagaarada ayay cilcillaw noqotay.

Libaax ayaa kambalka hiinraag kaga dhuftay, waxayna la noqotay in aan socod dambe u egayn ee ay caawa halkan ku baryaan. Yarkii ayuu u sheegay in uu geedka ay hoos joogeen koro, Xirsina sidii ayuu yeelay. Isaga oo geedka saaran, oo hilibka aabbihii solayo gaajada darteed dusha ka daawanaya, kana fekeraya marka uu bislaado sida uu u cantuugi doono, ayuu mar keliya ku war helay sawaxan cirka isku shareeray iyo siigo ilayskii sii gamaarayay ee qorraxda qarisay. Wuxuu arkay odaygii oo laba libaax la legdamaya.

Waxay ahaayeen aar iyo gool odayga ku kediyay oo ma haleelin in uu warankii oo hoostiisa yaallay qaato, waxaana hub u noqotay toorraydii gacanta ugu jirtay ee uu hilibka ku qalayay. Mar iyo laba markii uu ableydii labadii libaax midba mar ku wareemay ayay si buuxda u muquuniyeen. Aarkii ayaa gaaddada gashaday dhuuntana ka cantuugay, kii kalena bawdada ayuu qaniinyo ka buuxsaday, ilaa odaygii far dhaqaaqda laga waayay.

Yarku waxaas oo dhan geedka dushiisa ayuu ka la socday, si la mid ah sidii uu sagaarada la qalayo uga arkayay. ka la duwanaantu waxay ahayd dareenkiisa mar hunguroonayay ee rajada qabay marna argaggaxsanaa ee quusta ahaa. Hiilka keliya ee uu aabbihii u fidin karaa wuxuu noqday in uu ku qayliyo: “Yur! Yur! Yur!” Lakiin qallad ay bir xiimaysa oo konton jir midigta ugu jirtaa joojin wayday qaylo yar oo geed saarani ma joojin karto.

Sidaas ayay Xirsi indhihiisa oo shan ah aabbihii laba libaax ugu afureen.

Geedka dushiisa ayuu ku dhammaystay habeen hoog leh. Markii waagu dillaacay isaga oo aad u baqaya ayuu dhulka u soo degay, dabadeed markiiba warankii iyo ableydii aabbihii ka dhintay la booday. Muddo daqiiqad ah ayuu wax indho indheeyay, libaax se agagaarka ka ma dareemin. Wuxuu arkay lafihii aabbihii iyo kuwii sagaarada oo isdhex daadsan iyo calallo jeexjeexan oo dhiig leh. Wuxuu kale oo arkay cad yar oo dhogor iyo ciddi leh oo lafaha cadcad dhex yaal, kaas oo uu xaqiiqsaday in uu ahaa suul uu labada libaax midkood aabbihii toorrayda kaga gooyay.

Wuxuu maqli jiray libaaxu wuu xushmeeyaa oo ku ma degdego cunista muruqa gacanta midig iyo xiniinyaha ragga, iyo weliba naasaha dumarka. Laakiin meesha muruq iyo xiniinyo toonna ku ma uu arag. Waxaa daadsanaa lafo cadcad oo keliya.

Wuu ka fekeray in uu lafaha aabbihii xabaalo, haddana wuxuu u arkay talo aan habboonayn. Waxay kuu soo jiidi kartaa khatar iyo libaax ku soo weerara, ayuu ku fekeray, dabadeed orod cagaha maalay.

Masaafo aan goobtii shilka boqol tallaabo ka fogayn markii uu orday ayuu meel ciid ah ku arkay raadkii libaaxyada, wuxuuna arkay midkood in uu jeeniga midig jiidayo. Markii uu raadka u sii fiirsaday wuxuu arkay jeeniga midig in uu suulku maqan yahay. Taasi waxay xasuusisay suulkii go’naa ee uu raqda ku dhex arkay. Dabadeed orodkiisii ayuu sii watay.

Maalintaas ka dib geyiga oo dhan waxaa caan ka noqday aar laayaan ah oo aan dad iyo duunyo bariin. Raadkiisa suulka jeeniga midig maqan yahay meeshii lagu arkaba wuxuu abuuray argaggax. Waa la ogaa in uu ahaa aarkii Xirsi agoomeeyay, waqtigaas ayaana loo bixiyay Faroole.

Faroole si loo dilo marar badan ayay ragga beesha ugu dhiirrani duullan ku bixiyeen, marar badan ayaana neef shilis kaynta loogu dabray dhirta hareeraha ka ahna hub loo la fuulay. Wuxuu se ahaa libaax fiiro dheer, in godob loo tirinayo og, aadna u feejigan. Dabadeed Xirsi oo ahaa kuraygii uu Faroole agoomeeyay ayaa gaashaanqaad noqday, dhaarna ku maray inta uu madaxiisu saan lee yahay ee dhiniciisu dhulka ka sarreeyo in aanu ka wahsan doonin dilka Faroole. Waxay ahayd intii aan hubka qarxaa bulshada ku fidin, taas darteed wuxuu tuntay laba waran oo uu had iyo goor sidan jiray.

Xirsi wuxuu ilaalo ahaadaba, wuxuu raadka caanka ah meesha uu ku arko daba galo dabadeed ku hungooboba, isaga oo toddoba iyo toban jir ah, goor barqo ah oo rays ah, ayuu arkay raadkii Faroole oo uu ku qiyaasay saacad aan fogayn. Sidii uu marar badan oo hore sameeyay isaga oo warmaha mid garabka bidix ku sita midna gacanta midig ku xantoobsan, aadna u digtoon, ayuu raadkii eryaday. Wuxuu daba ordaba goor ay tahay duhur ayuu la galay jeex ay xagarka, xodayga, dhuyaca, dhafaruurta iyo dhir kale oo caleen lihi isku baxeen, hoostana caws iyo duur kaga cufan yihiin.

Markii uu hubsaday raadku in uu jeexa galay ayuu yar hakaday, wuxuuna maleeyay in ay tahay maalintii ay isaga iyo Faroole dhan uun u ka la dhici lahaayeen. Isaga oo aad u sanqadh tiranaya ayuu jeexii dusha kaga soo wareegay, ilaa uu bartii uu ka dhaqaaqay ku soo noqday. Raadkii xaska ka ma uu bixin, waa xaqiiqa Faroole in uu ku jiro.

In kasta oo aanu weligii duullan libaax lagu dilayo ka qaybgelin, haddana wuu yaqaannay hubka iyo xeeladaha uu libaax ku dagaallamo. Booddada dheer ee uu sida cirkasoodhac samada ka imanayo, afka weyn iyo afarta miciyood ee uu sida seefta wax ugu xiirayo, labada jeeni iyo ciddiyaha ku dhaaban ee cidda uu la helo aayaheedu aakhiro yahay, iyo culayska uu dhulka wax ku nabayo, intaas oo ka la daran adeegsigooda isku marka ah ayuu dad iyo dugaagba haybad kaga mutaystay.

Faroole isuma quudho habeen uu duullan tegay in qadoodi waagu ugu beryo, waxayna u badan tahay in uu ladaadyadii ladaabtii hilibkii xalay la jiifo oo hurdo dheer ku jiro, ayuu Xirsi ku fekeray. Go’ii madaxa ugu duubnaa ayuu soo furtay oo si giigsan dhexda ugu duubtay, dabadeed isaga oo labadii waran midkood riddo qumman gacanta midig ugu haysta, faraha fooddoodana ku soconaya, ayuu jeexii qunyar u dhex galay. Dareemadii cufnayd iyo dhirtii jiqda ahayd ee isku baxay ayuu indhaha ku mudmuday.

Cabbaar isaga oo aan waxba arag ayuu dabadeed si kediso ah ugu war helay kayntii oo isla kacday, gurxan argaggax leh iyo culays dhinaca bidix kaga yimid. Waxay ahayd xaalad u eg duufaan xoog leh oo dunida gilgilaysa, laakiin Xirsi xaalad kasta oo baqdin abuuri karta wuu u soo diyaar garoobay, sidaas awgeed wuu isxejiyay. Isla ilbidhiqsigii uu dhankii weerarka jalleecay ayay dhirbaaxadii Faroole oo xoog lihi laabta ka haleeshay, dib ayuuna u dhacay. Laakiin isla markii uu sii dhacayay wuxuu haleelay in uu warankii gacanta midig ugu jiray si qumman oo xoog leh Faroole ugu tummaatiyo.

Dhirbaaxdu in kasta oo ay dhulka u tuurtay haddana wax dhaawac ah Xirsi may gaadhsiin, sidaas ajligeed wuxuu ku guulaystay in uu degdeg isu soo qaado. Warankii uu tuuray mooyee kii kale oo dhulka ku dhacay ayuu damcay in uu la boodo, laakiin Faroole oo warankii hore caloosha ka taagan yahay, oo si ba’an u gurxamaya, ayaa si mintidnimo ah bawdada bidix cantuugo ka buuxsaday oo dhawr tallaabo ku maguujiyay. Si culus ayuu Xirsi mar kale dhulka ugu dhacay, markiibana wuxuu ogaaday in uu bawdo ka dhaawacan yahay warankiina gacantiisa ka maqan yahay, sidaas darteed inta uu degdeg isu qaaday ayuu jeexii debedda uga booday.

Wuxuu filayay Faroole in uu ka daba iman doono, ableydii ayuuna la baxay gacanta midigna ku sii diyaarsaday. Laakiin Faroole in uu gurxamo oo jeexa gilgilo mooyee debedda u ma soo bixin. Ilbidhiqsiyadii ugu horreeyay Xirsi si aad ah ayuu u digtoonaa, qorshahana ugumay jirin wax aan ahayn marka uu Faroole soo baxo in uu kurtun uu gacanta bidix ku diyaarsaday afka uu soo ka la waaxi doono u geliyo, dabadeed inta uu karaankiisu yahay toorrayda u darandoorriyo. Maanta wada noolaan maysaan ee midkiin baa dhimanaya, ayuu ku talogalay. Laakiin in uu kaa soo daba bixi waayay waa arrin farxad leh, nasasho yariba waa dan.

Faroole gurxankii iyo cartankii uu jeexa ka waday qunyar qunyar ayuu u dhimay, daqiiqadba ta ka dambaysa ayayna xaaladdu sii qabowday, intaana Xirsi kurtunkii iyo toorraydii ayuu labada gacmood ku ka la haystay, diyaarna u ahaa weerar lamafilaan ugu yimaadda. Wuu hubay waranku in uu si qurux badan Faroole caloosha uga arooray, laakiin u ma ega cadow ay intaasi dhulka dhigi karto. Isaga qudhiisu in uu bawdada ka dhaawacan yahay ma mooga, dhiig qabow ayaana ka da’aya, laakiin xanuun la sheegi karo ma qabo, si uu wax u qabana ka ma fekerin. Waxaa muhiim u ahayd uun in uu sii dagaallami karo, taana wuu hubay.

Wuxuu sidaas ahaado oo dagaal heegan u ahaadaba, Xirsi mar keliya ayuu dareemay degganaan iyo aamus gaadhsiisan in uu neefsashada sankiisa maqlo, jeexiina waxaad mooddaa meel aan waxba ka dhicin ama wax nooli ku jirin. Faroole miyuu dhintay? Mise qudhiisu difaac ayuu dhufayska ugu jiraa? Mise, iimaanka laga qaad, dhabarjebin iyo gaade ayuu ku soo maqan yahay?

Xirsi cabbaar ayuu wax uu sameeyo iyo geeri iyo nolol wax uu Faroole kaga talo galo garan la’aa. Dabadeed qori ayuu dhankii uu ku malaynayay ku tuuray, markii uu falcelin ka waayayna dhawr qori oo kale ka daba geeyay, aamuskii se waxba iska ma ay beddelin. Fulaynimo ayaa ku haysa ee Faroole oo nooli tuuryo u ma uu dulqaateen ee meesha ka war doon, ayuu isku canaantay.

Isaga oo kurtunkii iyo toorraydii labada gacmood ku sita, sidii horena suulasha ugu soconaya, ayuu jeexii ku noqday. Intii aanu wax kale arag ayuu warankii ka dhacay helay, markii uu qaatayna socod ku sii dhiirraday. Meel uu Faroole ku galgashay oo doogga dhulka ku nabay dhiigna ku masaxay ayuu arkay. Haddana meel aan ka fogayn ayuu ka arkay midab casuus ah oo dhulka daadsan, waa Faroole oo warankii weli caloosha ka qotomo. Cabbaar ayuu eegay ilaa uu dhaqdhaqaaq ka waayay. Ma uu aamminin ee isaga oo waranka riddo u haysta ayuu si digtoon ugu dhowaaday, laakiin Faroole isma dhaqaajin, wuxuu ahaa mayd.

Markaa ka dib Xirsi wuxuu dareemay xanuun lugta dhaawacan ka haya, wuxuuna arkay sida ay miciyaha Faroole ee huurada lihi bawdada uga ruubteen. Wuu ag fadhiistay oo Faroole cabbaar aad u daawaday. Waxaa ka muuqata da weyni, ciddiyaha iyo miciyuhuna waa wada dildillaac iyo jajab, korkiisana nabarro badan baa ku gunaadmay, meelo badan ayay timuhu ka mudhxeen oo dub madow baa soo baxay, inta ku hadhayna waa hoolif foolxun. Waxaa ka soo baxaya shuruf isugu jira baarqab qooqan iyo biyo ajo ah, ay weheliyaan dhiigga iyo doogga uu burburiyay. Xirsi waxaa uu xasuustay galabtii uu Faroole aabbihii cunay sidii uu u da yaraa, wuuna la yaabay sidan uu u gaboobay. Haddii aad nin da’dan ah dishid ceeb ayay kugu ahaan lahayd, ayuu ku fekeray.

Inta uu golxobtii la baxay ayuu jeenigii caanka ahaa ee Faroole xagasha dhudhunka iyo cududda u dhexaysa ka gooyay, si uu beesha ugu geeyo oo loogu damaashaado. Isla markii uu jeexa ka baxay waxaa geed raqda dusheeda ah isku soo taagay laba tuke oo si xun u dhawaaqaya, geed kalena waxaa soo fuulay gorgor aad u weyn. Xirsi wuu yar hakaday oo eegay ilaa ay Faroole ku degeen. Haad kale oo badan ayaa markiiba ku xoontay. Dabadeed Xirsi wuu iska sii jiitamay isaga oo jeenigii Faroole sita. Waxaa ka buuxay dareen uu farxad iyo murugo u ka la garan waayay.

Lugta uu imika ka dhutiyo sidaas ayuu kaga dhaawacmay, sababtaas ayaana loogu bixiyay Micilibaax, maalintaas ayuuna dadkiisa ka helay qaddarinta weyn ee weli loo hayo.

Waqtigaa uu Xirsi dekanada aabbihii dabo joogay Rooble isagu wax uu ku maqnaa magaalo iyo waxbarasho, markii uu warka maqlayna isaga oo laba go iyo kabo hadiyad ah u sida ayuu walaalkii Rooble miyi ku soo booqday. Wuxuu soo arkay madaxii Faroole oo geed la saaray weli saaran. Afka uu soo ka la hayo iyo miciyaha cadcad ee la moodo in uu weli nool yahay waxay abuurayeen baqdin aan ka yarayn tii uu markii uu noolaa abuuri jiray.

Sidaas ayuu Raage uga dheregsanaa taariikhda ay qoyskooda iyo Faroole isla soo mareen, kaas ayaana ahaa dilka keliya ee uu aabbihii u tirinayo, oo u la muuqday mid aad uga duwan kan gacankudhiiglenimada ah ee Negeeye loo tirinayo. Wuxuu jeclaystay in uu xaqiijiyo xanta Negeeye ku saabsani in ay dhab tahay iyo in kale, ku ma uu se dhiirran in uu cid wayddiiyo. Dabadeed maalin iyaga oo labadooda ah ayuu Raage soo hadalqaaday sheekadii Faroole iyo aabbihii, Negeeye ayaana si lamafilaan ah u yidhi:

“Waxaan la yaabban ahay sida ay taariikhda aabbahaa iyo taydu isugu eg yihiin. Anigaba habeenkii aan dhashay ayuu aabbahay libaax dilay, markii aan weynaadayna waan ka aarsaday.”

“Ma libaax aabbahaa dilay ayaad adiguna dishay?” “Haddaa maxaan ku lee yahay.” Wuxuu ka codsaday in uu uga warramo sidii uu libaaxu aabbihii u dilay iyo sidii uu uga aarsaday. Negeeye wuu yar fekeray dabadeed bilaabay qisadii Goodir oo uu ka beddelay uun waxyaalihii laga ma maarmaanka ahaa si ay ugu ekaato sheeko libaax. Markii uu dhammeeyayna Raage wuxuu wayddiiyay:

“Oo sidee baad ku garatay in uu isagii ahaa? Ma sida Faroole ayuu astaan lagu yaqaan lahaa?”

Negeeye wuxuu u yar aamusay si qof feejigani garan karo in uu been abuurayo, dabadeed ku jawaabay:

“Haa, qoobabka dambe ciddiyo ku ma uu lahayn.” Raage wax uu rumaysto ayuu garan waayay, sheekada Negeeye been ayaa uga dhadhantay, marna wuxuu ka shakiyay hadalkii ay Leyli maqashay iyo kii ka la dhinnaa ee uu isaga qudhiisu Rooble iyo Qarad ka maqlay in ay sax ahaayeen. Ma laga yaabaa waxa uu Negeeye dilay in aanu nin ahayn ee, sida uu sheegay, uu ahaa libaax? ayuu iswayddiiyay. Dabadeed Leyla ayuu u sheegay sheekada Negeeye iyo libaaxa, iyaduna habeenkiiba Raage oo la jooga ayay aabbeheed u sheegtay. Rooble inta uu baaq beenin ah wejiga ka muujiyay ayuu yidhi:

“Sheekoxariiro walba ha rumaysannina.”

***

Rooble haba yaraatee Negeeye ma wayddiin sababta imaatinkiisa, wuxuu maleeyay in ay ka mid tahay uun barakaca ay dhallinyarada miyigu waqtigaa magaalooyinka ku soo gelayeen iyaga oo raadinaya nolol taa hore ka door roon. Dabadeed toddobaadkii labaad ee imaatinkiisa, goor fiid ah iyaga oo keligood daaradda fadhiya, ayuu Negeeye si lamafilaan ah u soo qaaday dilkii uu Damalweyn ka soo geystay. Rooble si aan qiyaas lahayn ayuu arrinta uga naxay.

“Oo miyaadan cidna la tashan? Miyaadan nimankii kuu adeerka ahaa midna ka la tashan?”

“Maya. Taladaa keligay ayaa lahaa.” “Ma aad lahayn, maxaad u lahaanaysaa? Wax ay ummad dhami ka heshiisay in aad sida aad doontid ka yeesho xaq u ma aad lahayn.”

Negeeye wuu yar aamusay, dabadeed yidhi: “Aabbahay keligay ayuu i dhalay.” “Haddii uu ku dhalay isagu ma geed buu ka baxay sow dad ma ay dhalin oo dad la ma uu dhalan? Nin yari inta uu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa. Miyaad caawa og tahay labadii reer waxay ka la muteen?”

“Haa, waan og ahay, waxba may dhicin.” “Bal waxa aad ku hadlaysid dhegeyso! Sidee baad u og tahay saw adiga halkan i la fadhiya ma aha?”

“Intii aanan soo dhoofin ayaan ka war helay.” “Wax la iska xaq iyo xaal mariyay ayaad dib ugu noqotay. Wax laga heshiiyay oo la iska dhaarsaday ka daba taggeeda foolxumo ka weyni ma jirto. Miyaadan cuqubo ka baqayn?”

Negeeye ma jawaabin. Rooble isaguba carruurnimadii reer miyi ayuu ahaa, si wanaagsan ayuuna u fahmayaa dilka joogtada ah iyo ka la aarsiga ka dhexeeya reer miyiga. Laakiin shakhsi ahaan waa nin nabadeed, aad ayuuna u neceb yahay dhaqankaa waalan ee ka la aarsiga iyo silsiladda godobeed ee aan dhammaan.

Maalintaa laga bilaabo Rooble wuxuu Negeeye ku eegay indho cusub, wuxuu u arkay nin ay ka suurtowdo mar kale iyo ka badanba in uu dhiig aadami ku fooldhaqdo. Xushmaddii badnayd ee uu ku soo dhoweeyay markaa ka dib wuu ka la noqday, oo wuxuuba jeclaystay in uu sida ugu dhakhso badan magaalada ugu sii daayo.

Run ahaantii Rooble ma jeclaysan balwadda Negeeye ee qaadka iyo sigaarka ah, oo ahayd mid aan ku habboonayn bay’ada guriga ee uu waxbarashada iyo nadaamka wanaagsan u diyaariyay. Doobab geerashka ka la shaqeeya oo qaylo iyo uskag badan ayaa mararka qaarkood guriga u soo raaci jiray, gurigii oo dhanna sigaar ayaa ka wada uray. Qaadka oo uu guriga ka mamnuucay wuu ogaa in uu la yimaaddo oo qolkiisa ku la dhuunto. Sababtaa darteed Rooble mar keliya ayuu arkay isaga oo Negeeye khaati ka taagan, wuu se ka xishooday in uu wiil uu abti u yahay oo soo magansaday meel xun ku tuuro.

Maalin odayga oo guriga ka maqan ayuu Negeeye isaga oo qolkiisa qaad ku cunaya Leyla u sheegay in ay shaah u kariso, laakiin waa ay diiday iyada oo sabab ka dhigtay in ay wax akhriyayso. Waxbana ma ay akhriyayn ee waxay diiddanayd qaadka guriga laga mamnuucay in ay Negeeye raalli uga noqoto. Isaga oo xanaaqsan markii uu canaantay waa ay iska celisay oo tidhi:

“Ma adigaa i qaba marka aad maalin walba lee dahay shaah ii soo kari, sidaas ii soo yeel? Waxba kuu karin maayo ee qaadka guriga ka daa.” Dabadeed inta uu yartii si xanuun leh dhegta u maroojiyay ayuu ku yidhi:

“Ilaahoow aanan ku qabin, doqon yahay fooshaxumi.” Leyli waa ay ooyday, fiidkii ayayna markii uu aabbaheed yimid u dacwootay. Markiiba Rooble isaga oo xanaaqsan ayuu Negeeye qolka ugu galay oo canaantay. Negeeye taa ma garawsan, subaxdii xigtay ayuuna gurigiiba ka tegay. Maalintaas ka dib marmar ayuu booqasho ugu iman jiray.

Markii uu Xamar saddex toddobaad joogay ayuu galab isaga oo geerashka ka soo rawaxay baskii uu saarnaa ku dhex arkay weji uu garanayo laakiin meeshii uu ku arkay iyo magaciiba ka maqan yihiin. Waa lacagqabtaha baska oo ah doob qiyaastii Negeeye la da ah. Canka waxaa uga buuxa takhsiin qaad ah gacmahana mid lacagta ayuu ku ururinayaa midna xantoobo qaad ah ayuu ku haystaa. Dhar uskag badan ayuu gashan yahay, nadaafadxumo xad dhaaf ah ayaana kor iyo kal ka muuqata.

Negeeye oo weli fiirinaya ayuu kii kale toos u soo eegay. Markii la isyara eegay ayaa la isu dhoolla caddeeyay, haddana la isu qoslay.

“Wallaahi waa Negeeye!” ayuu si filanwaa ah u yidhi cod aad uga culus kii carruurnimada ee uu Negeeye ku ogaa.

“Waryaa Diiriye! Wallaahi dirqi baan kugu gartay!” Baska dushiisa ayaa cabbaar la isku sii waraystay, markii uu Negeeye degis isu diyaariyayna Diiriye ayaa fikrad soo jeediyay.

“War aynu si wanaagsan isu waraysannee xaggee ayaynu ku ballannaa?”

“Meesha aad doontid, mar aynu fasax nahay, anigu jimcaha ayaan fasax ahay.”

“Jimcaha? Oo jimcuhu waa goorma?” “Waa saaddambe, maanta waa Arbaca.” “Jimcaha xaggee baynu isugu nimaadnaa?” “Meel uun, meesha aad doontid.” Makhaayad Ceelgaab ah ayay barqada jimcaha ku ballameen. Negeeye wuu ogaa Diiriye maalintii isaga oo saddex iyo toban jir ah uu dukaankii Xaaji Haybe Damalweyn ku lahaa lacagta ka xaday dabadeed Xamar u soo baxsaday. Diiriye isaguna wuu maqlay Negeeye in uu Goodir dilay dabadeed baxsaday, laakiin ma uu ogayn meel uu ku dambeeyay.

Makhaayadda ay ku kulmeen oo ahayd meel ay safarrada gobolladu ka baxaan kuna soo degaan aad ayay u nadaafad liidatay oo u habaas iyo dukhsi badnayd, dad degdegsan oo buuq iyo qaylo badan ayaana is’hor iyo dabo marayay. Mooyi waxa ay meel dhaanta u fadhiisan waayeen, malaha se degganaan iyo nadaafad ayaanay dan ka lahayn. Dadka magaalada soo galootiga ku ah ayaa lagu yaqaan in ay meelahan ku soo xoomaan si ay aqoonnin uga helaan. Miis foolxun oo looxaan la isku kabkabay ka samaysan ayay laba kursi oo la foolxumo ah hareeraha ka dhigteen shaahna ku dalbadeen. Dabadeed waxay bilaabeen in ay wax walba iska waraystaan.

Negeeye maalintaa wuxuu si tifotiran uga warramay sidii uu dilka u geystay, waayo isaga iyo Diiriye reer ahaan Goodir waa ay iska xigeen. Diiriye isaguna wuxuu ka warramay sidii uu Xamar ku soo galay iyo noloshii adkayd ee uu soo maray oo uu ku tilmaamay cadaab. Labadii sano ee ugu horreeyay habeen in aanu guri seexan sariirna dhinac dhigin ayuu sheegay. Laakiin dhawrkan sano ee dambe siyaabo ka la duwan ayuu u shaqaystay, oo ay ka mid tahay shaqadan uu imika hayo ee geerashboynimadu.

“Laakiin waxii oo lacag ahaa xaggee baad geysay?” ayuu Negeeye saaxiibkii wayddiiyay.

“Waan maqlay odaygii iimaanka la’aa sagaal boqol oo shilin in uu sheegtay, laakiin waxay ahayd lix boqol.”

“Waan hubaa lacagtii loo ururiyay in ay sagaal boqol ahayd”, waxaa yidhi Negeeye oo si wanaagsan u xasuusan gartii lacagtaasi sidii ay u dhacday.

“Waan maqlay, laakiin tii aan qaatay lix boqol uun bay ahayd.” “Oo sidee bay fikraddu kuugu dhalatay? Maxaad se iigu sheegi wayday?”

“Ma xasuusan tahay ciiddii u dambaysay ee Damalweyn inoogu wada dhalatay?”

“Maxaan u xasuusnaan waayay, sow tii dadka oo wada xarragoonaya oo wada faraxsan aynu qaydadkii duugga ahaa wax aynu iskaga beddelno weynay.”

“Ma xasuusan tahay kii yaraa ee Xaaji Haybe dhalay in uu igu qoslay oo aan garaacay?”

“Wuxuu ahaa Madaxay, miyaad illawday?” “Sow ma xasuusnid in aynu yaacnay oo maalintii oo dhan kaynta ku jirnay?”

“Si wanaagsan.” “Maalintaas ayaan goostay in aan dhaco.” “Oo maxaad iigu sheegi wayday?”

“Kuu ma aan sheegin waayo odaygaasi waa kii adiga iyo Amran idinku dhowaa ee wax kuu dirdiran jiray.”

“Kelebka kelebku dhalay anigu markaas ma aan necbayn, beri dambe ayaan se Amran khaati uga joogsaday. Weligaa miyaad aragtay lixdan jir…”

“Odayna ma ahayn ee wuxuu ahaa nijaas.” “Laakiin xataa haddii ay lix boqol ahayd waa lacag aad u badan ee maxaad ku samaysay? Dukaan weyn baa lagu furan karaaye.”

“Sow Kuu ma aan sheegin in aan cadaab soo maray? Cadaabtaas ayay iyaduna ku gubatay.”

“Malaha adigana waaba lagaa sii dhacay?” Diiriye waqtigii uu noloshiisa ugu necbaa ayuu dib u xasuustay, berigii uu isaga oo aan Xamar cid ka aqoon soo galay.

“Sidii aad ogayd Xamar cid ku ma aan lahayn, albeerko la seexdo, guri la kiraysto iyo bangi lacag la dhigtana ma aan aqoon.”

“Haye?” “Maalmihii ugu horreeyay nolol aad u farxad badan una dhib badan, u yaab badan una aqoon kororsi badan, baan galay. Cidda keliya ee aan fahmay ee raacay waxay ahayd ciyaal suuq. Iyaga ayaa indho ii noqday oo huluulaha ay dadka hooy la’aanta ahi seexdaan, shineemooyinka la galo iyo meelaha badda lagaga dabbaasho i baray.”

“Haye?” “Kurayadaa debedyaalka ahi dhacdhac badan ayay igu qabeen, lacagtaa ay meel aan ka keenay iyo meel ay iigu jirto toonna garan waayeen ayay mar igu qaddarin jireen marna inta ay isugu kay tagaan iga baadi jireen.”

“Oo lacagta xaggee baad dhigatay?” “Dee sheekada iga sug!” “Haye?” “Maalintii aan magaalada imid tii xigtayba inta aan lacagtii koombo ku riday ayaan meel xabaalo ah ku aasay, halkaas ayaanan marba waxa aan uga baahdo inta aan dadka iska fiiriyo ka la soo bixi jiray. Ha ahaato ee markii dambe arrin fudud ma ay noqon, waayo dibjirku markii ay ogaadeen in ay lacagi meel ii taal ayay tallaabadayda tiriyeen.”

“Haye? Wallee taa iyaga ayaa u dambaynaya.” Diiriye laba xabbadood oo sigaar ah oo qaaqaawan ayuu jeebka sare ee shaadhka ka soo saaray oo mid Negeeye siiyay midna isagu shitay, dabadeed si busaarad ah u nuugay haddana qiiq dhuubanna soo afuufay. Dabadeed wejiga oo ay timo iyo findoob uskag badani ku filiqsan yihiin calaacasha ku camcamiyay.

“Haddii ay iyagu u dambayn lahaayeen abaal baan ku qabi lahaa ee dhegeyso. Sow ma aad arag kuwo tuug ah oo saddex midh oo turub ah isdhaaf dhaafiya?”

“Arkay, waa kuwii maalin dhoweyd shilin aan lacagba ka haystay iga maroojiyay. Waxaan maqlay dadka badawda ah ayay ilaashadaan. Ma nimankaas baa ku helay?”

“Maalin aniga oo shilimo sita ayaan kuwaa Ceelgaab ku la kulmay. Markii ay intii iga heleen ayaan xanaaqay oo koombadii isku sii daayay. Xoogaa kale markii ay iga qaadeen ayaan haddana in kale la soo orday.”

“Waan garanayaa waxa aad soo waddid: intii ay kaa heleen mooyee intii kalena waa ay kaa qaadeen?”

“Beri dambe ayaan ogaadaye ka turubka dhigaya oo keliya ma aha ee waa koox dhan.”

“Haa, nimanku maalin dhoweyd ayay i heleene. Haye?” “Markii aan gartay waxa in ay tuugnimo ku jirto ayaan iskaga tegay. Makhribkii markii aan damcay in aan wax aan ku casheeyo shineemana ku galo la soo baxo waxaan ku turaanturrooday koombadii oo godkii dushiisa galgalanaysa af madow oo foolxunna soo ka la haysa.”

“Waar illayn naxdin u ma dhimatid! Haye?” “Meeshiiba ka ma aan dhaqaaqin markii ay saddex iyagii ah oo mindiyo sitaa i hareereeyeen.”

“Haye?” “Waxay la noqotay Xamar oo dhan in ay koombooyin lacag ahi iigu aasan yihiin, inta ay haanka mindi iga saareen ayayna ii sheegeen haddii aan nolol doonayo in aan lacagta soo faago.”

“Taas ayaaba kuugu daran! Haye?” “Habeenkii xigay oo dhan maxbuus baan u ahaa, garaacid aan arxan lahayn ayayna igu wadeen, dabadeed markii ay iga quusteen aniga oo aan waxba la noolayn iga tageen.”

“Lacagta waad dayacday. Nin yar baad ahayd. Intee in la’eg ayaa ilaa markaa kugu baxday?”

“Haddii aan beenta iska dhawro wax boqol shilin ka yar.” “Lacagta waad dayacday. Dabadeed sidee baad Xamar uga dabbaalatay?”

“Horta maad i wayddiisid nimankii, illayn waan bartay oo maalin walba magaalada ayaan ku arki jiraye, waxa aan ka yeelay.”

“Oo maxaad ka yeeli kartaa rag kaa waaweyn kaana tuugsan?” Diiriye isaga oo aan jawaabin ayuu kabbadii shaaha ugu dambaysay bakeeriga ka fuuqsaday, markii uu kii Negeeye eegayna wuxuu arkay isagana in uu ka madhan yahay. Dabadeed gabadh meesha ka shaqaynaysay ayuu u baaqay, wuxuuna wayddiiyay:

“Naa caddaysku ma caano boodhaa?” “Caano lo waaye, maxaa jira?” ayay tidhi. “Naa lo lahaane laba kale noo keen oo kayga ha iga soo caddayn. Lo ku lahayd! Lo iyo geel toonna Alle ku ma siiyo!”

“Anigana ha iga soo caddayn”, ayuu Negeeye isaguna codsaday. “Abboo caano lo waaye, laakiin haddii rabin waa idinka dhaafaa. Caane boore ku ma lahoo! Caane boore aniga intee ka keenay?!” ayay ku cabatay, oo labadii bakeeri ee ay faaruqiyeen la dhaqaaqday.

Diiriye saaxiibkii ayuu ku jeestay oo ku yidhi: “Reer xamar aniga i wayddii, in ay balaayo kuu walwalaaqaan mooyee ha ka sugin in ay oon xalaal ah kaa iibiyaan.”

Negeeye ma hadlin ee madaxa ayuu ruxay isaga oo hadalkaa aqoon kororsi ka dhiganaya.

Diiriye mar kale ayuu wejigii iyo timihii aan awalba nadiifta ahayn haddana habaaska iyo dhididka Ceelgaab isugu dhegeen si aan debecsanayn calaacasha u marmariyay.

Gabadha meesha ka shaqaynaysay qiyaastii waxay ahayd labaatan jir, waxayna lahayd jidh yar shilis oo guntiinada khafiifka ah badhida iyo laabta ka soo riixaya. Markii ay shaaha dhigaysay naaska bidix oo ay guntiinadu ka yar faydantay oo ilaa ibtu muuqato ayuu Diiriye si qof arkayaa la yaabi lahaa aad u qooraansaday, markii ay ka dhaqaaqdayna indhaha ayuu la sii raacay ilaa ay gudaha ku libidhay. Markii uu miyirku ku soo noqday, inta uu afka oo durba xummad la engegay carrabka ku qooyay, ayuu sheekadii halkii ka sii ambaqaaday.

“Waa runtaa oo nimanku waa ay iga waaweynaayeen, igana tuugsanaayeen, igana ilbaxsanaayeen, laakiin ‘mintid faro yar midhihii bataa ka ma macaashaan’. Foorno ayaan gudintii xaabada lagu jejebin jiray ka xaday oo meel aammin ah ku qarsaday. Dabadeed saqdhexe ayaan huluul ay seexan jireen oo Weliyow Cadde u dhow iyaga oo hurda ugu galay.”

“Haye?” ayuu Negeeye u yidhi si xamaasad leh isaga oo sugi kari la natiijada duullanka masaarta ku hubaysan ee Diiriye.

“Saf ayay u jiifeen ee kii ugu sokeeyay ayaan inta xooggaygu yahay gudintii ku hubsaday, markii uu cabaadayna cagaha ayaan wax ka dayay. Maalintii xigtay ayaan baabuur ku dhacay oo Hargeysa ka soo jeestay. Halkaas ayaan sannad ku noolaa, dabadeed Xamar ku soo noqday. Ilaa berigaa dhuumaalaysi ayay ii ahayd.”

“Oo sannad dhan baad Hargeysa joogtay?” “Sannad haddii sannadihii badnaa ee Xamar la isku wada daro igaga daran.”

“Laakiin ninkii aad nabarka ku dhufatay sida ay wax u gaadheen ma ka war heshay?”

Diiriye wuu yar qoslay. “Haddii aad maanta Xamar ku aragtid dhawr iyo soddon jir gaaban, laf weyn, madaxa cadho ka qaba oo inta badan timuhu ka daateen, kaas oo Baraako Cabdow ka soo baxa, aadna u qaylo iyo rabshad badan, oo tikidhada filimada, ruwaayadaha iyo isboortiga inta uu soo xaabsado ka sii ganacsada, kuna magac dheer Geeddi Baabbow, gacanta bidixna dhudhunka ka gammuuran tahay, waa isaga ninka aan shantaydii boqol ku illaawey.”

Negeeye qosol ayuu la dhacay. Ninkaa weli ma uu arag laakiin sidii isaga oo hor taagan ayuu maskaxdiisa isugu sawiray. Inta uu si qallafsan laakiin gacaltooyo leh Diiriye garabka uga dhirbaaxay ayuu ku yidhi:

“Nin rag ah! Wallee caawa haddii aad dhimatid geeridaadu waa xalaal.”

“Aan ku noqdo haddaba sidii aan jabkaa uga soo kabtay”, ayuu yidhi Diiriye.

“Haa, sidee baad uga dabbaalatay?” “Muddo aan yarayn oo maalintaa ka dambaysay aad ayay iigu adkaatay in aan la qabsado noloshii debedyaalnimada ee aan moodayay in aan ka mid ahay. Weliba Hargeysa waxay Xamar kaga darrayd bahal dhaxan ah oo xilliyada qaarkood xataa dadka hooyga leh nafta u keenta. Wax kale iska daa ee berigaa waxaan ku sigtay in aan Damalweyn ku soo noqdo, haddana waxaan u arkay taloxumo aan mid ka liidataa jirin. Waxaan bilaabay in aan u noolaado si kasta oo aan ku noolaan karo: tuugnimo, boob, khiyaamo, dawarsi, shaqo… wax walba. Nin rag ahna cabasho looga wanaagsan ee wax la soo marayba waa laga nool yahay.”

“Haa, waa laga nool yahay”, ayuu Negeeye saaxiibkii ku la dabbaaldegay, oo haddana wayddiiyay: ”Oo markii aad Xamar ku soo noqotay Geeddi Baabbow miyaydaan isarag?”

“Aad baan uga digtoonaa, Ceelgaab iyo Xamarweyne oo aanu isagu dhaafin anigu waan ku yaraa. Marar badan ayaan se ka il horreeyay oo ka dhuuntay. Runtiina anigu ma hubo in uu og yahay cid waxyeeshay in ay aniga tahay. Laakiin xataa haddii uu og yahay nolol maalmeedda iyo isbiirtaha oo uu cabbo ayuu intaa u ordayaa ee in aan anigu nacasnimo isla hortaago mooyee waxaan filayaa in aanu waqti uu igaga fekeraba helin. Asxaabtiisiiba wax silic u dhintay iyo wax xabsiyada ku jira ayay u qaybsan yihiin ee muxuu gacan beri hore ka luntay danihiisa ugaga mashquulayaa? Sidaas oo ay tahay ma aammino ee waan ka digtoon ahay. Intii aan geerashboyga noqday ayay se iigu daran tahay oo ugu yaraan maalintii mar waan arkaa.”

Maalintaas oo dhan magaalada hoose ayay wareegayeen, maqribkiina waxay galeen Shineemo Ceelgaab oo uu ka socday filin dagaal ahi. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee uu Negeeye filin galo, sidaas darteed wax walba waxaa uga muhiimsanayd in uu barto waxa filinka lagu sheegaa waxa uu yahay, meesha lagu daawado iyo sida loo daawado.

Ilaa maalintii ugu horreysay ee uu filin maqlay waxaas oo dhan wuu iswayddii n jiray, laakiin waxa uu caawa indhihiisa ku arkay si weyn ayay uga duwan yihiin khayaaligii uu maskaxda ku hayay. Weligii ma uu arag dad intaa tiro la’eg oo meel aan masjid ahayn isugu soo xerooday, oo saf saf u fadhiya isku dhanna u wada jeeda. Waxay u ekaayeen dad salaad ku jira, wuxuuna dareenkiisa ka helay goor dhow in uu maqli doono jamaacada oo leh AAMMIIN! Laakiin maya, meeshu waa shineemo, ayuu isxasuusiyay.

Laba kursi ayay isaga iyo Diiriye fadhiga ku boobeen, wejigana ku beegeen derbi cad. Wax yar ka dib derbigii waxaa ka soo dhex baxay codad iyo sawirro dhegaha iyo dhaayaha Negeeye ku cusub. Haa, waa kaa filinka la sheegaa, ayuu xaqiiqsaday, si xiiso iyo degganaansho la’aan ahna u daawaday.

Waa dad caddaan ah. Weligii qof cad maalin dhoweyd ayuu nin meel maraya arkay, in badan ayuuna sii eegay isaga oo mooday qof dubku ka dhacay. Caawana dadka filinka ka muuqdaa waa wada caddaan. Dadka oo keliya ma aha ee duniduba waa duni kale oo aan Xamar iyo Soomaaliya toonna ahayn. Afka lagu wada hadlayaa waa af qalaad. Cabbaar ayuu iscelceliyay laakiin su’aalaha ku abuurmay culayskooda wuu xejin kari waayay.

“Waar Diiriye, meeshu waa xaggee?” Diiriye dareenka saaxiibkii waa uu og yahay, geel laba jir soo wada mar, qosol ayuu isku celiyay.

“Waa Maraykan.” Negeeye wuu yar aamusay. “Oo ma Maraykan ayaynu halkan ka arkaynaa?” “Maya, waa filin mar hore laga soo sawiray. Hadhow baan kuu sharxi ee imika iska daawo”, ayuu hoos ugu sheegay si aanay dadka kale badawnimo ugu eedayn.

“Waar qoladiinnaa hore, aanu filinka idinka dhegeysanno ee naga aamusa”, ayuu nin safkii iyaga ka dambeeyay fadhiyay ku qayliyay.

Waa gartii, tobankii eray ee talyaani ah mid buu ka fahmayaa, kiina in la dhaafiyo ma aha, ayuu Diiriye ku fekeray isaga oo og dhibaatada afka ee isaga iyo soomaalida kaleba filimada ka haysata.

Negeeye filinkaa in kasta oo uu madaddaalo iyo waayo’aragnimo ka helay, haddana dhab ahaantii waxba ka ma uu fahmin. Mushkiladdu luqadda oo keliya ma ay ahayn ee sawirradii noolaa ee is daba wareegayay, ee mar roorayay marna hakanayay, mar libdhayay marna soo baxayay, meel ay ka socdaan iyo meel ay u socdaan toonna wuu garan waayay. Mid ayuu se habeenkaa ogaaday: dunidu sidii uu moodayay aad ayay uga duwan tahay.

Berigaa magaalooyinka waaweyn waxaa ku soo qulqulay dad aad u tiro badan oo miyiga ka soo barokacay. Dadkaasi markii ay magaalo weyn oo aan la isaqoon yimaadeen waxay bilaabeen in ay u noolaadaan sida ay doonaan, waxaana batay dhaqammo aan awal jirin ama yaraa oo uu dhillaysigu ka mid yahay. Cawayskaana markii ay filinka ka soo baxeen Diiriye saaxiibkii wuxuu sii mariyay Buur Karoole oo ahayd mid ka mid ah goobaha dhillaysiga kuwa ugu cammiran.

Cabbaar ayay wadiiqo dhuubnaanta dhabbo jiir la moodo oo xaafad foolxun dhex marta iyaga oo aamusan isdabo galeen, dhawr nin oo dhididsan ayayna weydaarteen. Dabadeed guri loox ah oo ay siifadda dhididku kaa hor imanayso ayay galeen. Waa guri ka kooban qolal badan oo barxad dhexe ku soo wada jeeda. Mid walba waxaa ka bidhiiqaya feynuus gamaarsan, mid walbana waxaa hor fadhida naag aan in hoosta laga galo mooyee wejigeeda si fiican loo arkayn. Iyaga oo aan wada hadlin, cid kalena la hadlin, ayuu midba qol isku qaaday gabadhii hor fadhidayna caasha sii mariyay. Negeeye waxaa ka soo daba gashay mid labaataneeyo jirta aadna u madow una jidh wanaagsan oo uu Amran ku soo xasuustay.

Negeeye markii ay abtigii iskhilaafeen Diiriye oo uu sidaas Xamar ugu la kulmay ayuu qol Hawlwadaag uga kiraysnaa la degay.

3

Waa 21ka Oktoobar, sannadguuradii dhalashada Kacaanka. Negeeye oo afar bilood Xamar joogay wuxuu u daawasho tegay fagaaraha dabbaaldegga. Weligii run iyo riyo toonna ku ma uu arag quwad ciidan oo intaa tiro la’eg iyo qalab dagaal oo sidaas u culus. Waa duni yaab leh oo ku cusub. Gaardiga iyo durbaanku wadnihiisa ayay gilgileen, jibbo iyo qiiro aad u badan ayayna ku abuureen. Wuxuu hareeraha ka arkay dumar mashxaradaya marna ooyaya, wadaaddo ducaynaya iyo rag dhididka qiiradu dharka iyo dhafoorka qooyay. Tol iyo towrad mid ay ahaataba, soomaaligu cidda uu ku abtirsado ma jirto wax uu ka la jecel yahay xoog dagaal. Cilmi, dhaqaale iyo wax kale toonna la ma daneeyo. Dadka meesha jooga badankoodu quud maalmeedka ma soo qabtaan, laakiin maanta ma jiraan faan iyo islaweyni u dhimani. Ingiriis iyo Talyaani casar ma la raray, Xabashi, Kiiniya iyo Faransiis dhulka ay haystaan in ay hurdo macaan ku seexdaan ma laga xaaraameeyay? Haddaba Aakhiro meel la tago leh.

Negeeye maalintaa isaga oo aan goobtii ka dhaqaaqin ayuu goostay in uu askari noqdo.

Geerashkii uu farsamada ka baran jiray beryahan waxaa ka soo gala shilimmo u badan baqshiish ay siiyaan dadka baabuurta looga shaqeeyaa. Noloshiisu ha iska liidato ee Rooble wuu ka xoroobay, run ahaantiina isku ma fiicna, inta badanna ismaba arkaan. Laakiin taladaa ku dhalatay in uu ku wargeliyo ayay la noqotay. Fiidkii ayuu guriga ugu tegay.

“Waxaan goostay in aan millateri noqdo.” “Sow laga ma yaabo in lagu raadinayo?” “Mar uun baan dhiman lahaa.” Waxaa jiray sharci uu Kacaanku la yimid oo ahaa qofkii qof dila in loo dilo. Taas darteed Rooble aad ayuu uga welwel qabay qoyskii uu Goodir ka dhintay in ay dacwoodaan. Markii uu sheegay in uu askari noqonayana wuu la yaabay, wuxuuna u arkay nin wadkiisu galay oo mawdku u gacan haadiyay.

Negeeye isaguba arrintaas wuu ka fekeray, laakiin meesha uu dilka ka geystay oo miyi fog ah iyo arrinta oo uu ogaa in xeer dhaqameed lagu dhammeeyay dartood baqdinta uu Rooble ka digayaa isaga waa ay ku yarayd.

Raage iyo Leyli habeenkaa markii ay maqleen Negeeye oo ciidanka qalabka sida ku biiraya aad ayay u la yaabeen. Waxay ahayd mar ay si dhab ah u ogaadeen Negeeye in uu yahay gacankudhiigle, ciidankana waxay u haysteen dad xumaha oo dhan ka dhawrsan. Taa iska daaye waxay la yaabeen sida uu qof qaadka cunaa oo sigaarka cabbaa ciidan u noqon karo.

Negeeye isagu markiiba taladaa meelmarinteeda ayuu u tabaabulshaystay, barashadii farsamadana degdeg ayuu faraha uga qaaday. Si uu wehel uga dhigto ayuu Diiriye askarinnimada ku qalqaaliyay, laakiin ku ma uu guulaysan, shaqada baabuurta ayuu uga hanweynaa.

Negeeye wuxuu iska diiwaan geliyay millateriga oo ka mid noqoshadiisa waqtigaas irridaha loo ballaqay. Berigaas waxaa socotay ciidamayntii ugu badnayd taariikhda Soomaaliya, oo ay sabab u ahaayeen askartii talada dalka maroorsatay iyo isu diyaarinta halgankii lagu heshiiyay in soomaalida maqan lagu xoreeyo.

Darxumo ha ku koro, wuxuu se ahaa labalafood dherer iyo dhumuc u dhashay, weydna ha iska ahaado ee noloshii adkayd ee Damalweyn naftiisa iyo jidhkiisaba waxay ka soo dhigtay suun maas ah. Wuxuu u ekaa qof sidiisaba askarinnimo loo abuuray. Sidaas darteed tabobarku run ahaantii isaga u la ma adkayn sidii ay ragga kale had iyo goor uga cabanayeen. Laakiin saddexdii cisho ee ugu horreeyay waxay lahaayeen hawl gaar ah.

Maalintii uu tabobarku bilawday galabtii ka horreaysay ayuu Negeeye xero ciidan oo Xamar debedda ka ah iska xaadiriyay. Subaxdii xigtay ciidankii cusbaa inta dirays loo qaybiyay ayaa barxaddii xerada lagu soo safay, loona bilaabay tabobar cadaab u eg. Saraakiil wada xanaaqsan oo canaan iyo qaylo badan, mararka qaarna gacanqaad weheliyo, ayaa ciidankii majaraha u qabtay. Maalintii koowaad waxaa la qabtay shaqo adag oo lagu dejinayay laguna ka la hagaajinayay sariiro iyo qalab kale oo beryahaa xerada laga soo buuxiyay. Gaardi, orod iyo jimicsi adag ayaa dhawrkii cisho ee ku xigay midba mid looga gudbay.

Maalmahaas Negeeye, sida ragga kale, ayuu marka waqtiga hurdada la gaadho isaga oo wada damqanaya sidii wax dhintay sariirta ku dhici jiray kuna hambaberi jiray subaxda xigta qaylada iyo siidhiga saraakiisha. Laakiin markiiba wuu la qabsaday, isaga oo istusay askarinimadu in ay tahay shaqo raggannimo iyo sharaf leh. Ilaa carruurnimadii hammigiisa ugu weyni wuxuu ahaa in uu noqdo nin adag oo laga baqo, taasina in ay maanta ugu dhow dahay ayuu dareemay.

Garoonka hanfiga iyo habaaska badan marka uu gaardigu isdaba marayo, ee ay qorraxdu dunida shiilayso dhididkuna dhulka u dhaco, ee uu ninka jilicsani beer caddaado, Negeeye wuxuu ku fekeri jiray ragga kale oo dhami haddii ay mid mid u daataan in uu yahay ama noqon karo ka ugu dambeeya ee awood iyo adkaysi u leh in uu sii noolaado. Tallaabada gaardiga marka uu kabta sida xoogga leh dhulka ugu dhufanayo waxay u la mid ahayd isaga oo reer damalweyn madaxa kaga tumanaya. Runtii marar badan ayuu cagtiisa culus oo dhulka ku sii socota dareemay in ay afka kaga dhacayso mid ka mid ah raggii reer damalweyn ee markii uu tabarta darraa ku wiirsan jiray, gaar ahaan Aw Faarax iyo odaygii xumaa ee inta uu saqdadhexe Amran ku soo guureeyo hurdada ku bakhtiisan jiray.

“Cagtu marka aad kor u qaaddid biyoshub ha yeelato, cidhibtuna iyada oo kaynaansan dhulka ha cuskato! Sida gabadh tamashle ah ma aha raadkaagu in uu muuqan waayo, ee waa in uu sidii fadal libaax muddo dheer dhulka sii qodnaadaa. Shaqadaadu waa dil, diintaadu waa amar qaadasho, hoygaagu waa gaajo iyo harraad, sedkaaguna waa siifadda baaruudda. Waxaa lagaa doonayaa ciidanka Afrika ugu guunsan in aad sida cawsha eridid, oo aad boqor libaax sheegtay sidii ri irmaan dhegta soo qabatid. Taasina Kuu ma fududa haddii aad tahay nin jilicsan.” Sidaas ayuu sarkaalka xeradu u qaylin jiray.

Negeeye hadalkaa wuxuu ka heli jiray dhiirrigelin aan mid ka weyni jirin. Kamana ay ahayn Xabashi nacayb iyo waddaniyad, sidii ay dadku berigaa u badnaayeen, laakiin naftiisa cuqdadda iyo aarsigu ka buuxay ayay xaaladdani dheef u ahayd. Dhanka kalena qiime in uu yeelan karo aanu weligii ka fekerin ayuu dareemay.

Aqoonta uu tabobarkaa ka kororsaday ma ay ahayn oo keliya ta ciidanka, ee wuxuu bartay adduun iyo nolol dhan oo ka daahnayd. Wuxuu bartay akhriska iyo qorista far soomaalida oo markaa cusbayd, wuxuu wax ka bartay taariikhda iyo juqraafiga Soomaaliya oo borobbagaando iyo been lagu iidaamay. Waxaa loo sheegay sida ay soohdimaha Soomaaliya ku dhismeen iyo in ay tusaale u tahay cadaawadda gumaysiga iyo imbiriyaaliyadda. Wuxuu bartay in ay jiraan gumaysi cad iyo mid madow oo soomaalida u midoobay. Waxaa loo sheegay dawladnimadii lixdankii in ay ahayd maqaarsaar dadka iyo dalka lagu maali jiray, Kacaankuna u dhashay qarannimo buuxda iyo midnimo ay soomaalidu yeelato in uu xaqiijiyo. Waxaa la tusaaleeyay sida uu Kacaanku u eryay imbiriyaaliga, gacansaaarkana u la yeeshay bulshooyinka horusocodka ah.

Madaxweynaha oo gabogabayntii tabobarka ka soo qayb galay ayaa xamaasadda Negeeye cirka ku sii shareeray. Madaxweynuhu markii uu ciidanka salaansharaf ka qaatay ayuu jeediyay khudbad dheer oo aan ahayn wax cusub ee uu sidii hadal cajalad ku duuban munaasabad walba ku soo celcelin jiray:

“Jaalleyaal, xilka aad qaaddeen waa mid culus oo idiinka baahan adkaysi, Kacaannimo iyo karti dheeraad ah. Waa mid idiinka baahan nafhurid iyo in aad u hiilinta Kacaanka ka hormarisaan waalidkiin iyo walaalihiin; in aydaan u nixin kacaandiid. Kacaanku wuxuu u dhashay xakamaynta xaaraancunka, burburinta eexda, qabiilka iyo qaraabokiilka; wuxuu u dhashay sinnaanta iyo daryeelka danyarta; idinka ayuu idiin dhashay (askartu waxay ka timaaddaa dabaqadda ugu liidata bulshada). Midhaha Kacaanka cidda guran doontaa waa cidda maanta dulinka ka ilaalisa, mana illaawi doono cidda abaal u gasha ee abaal u dhigta, jaalleyaal…”

Waxaas oo dhan Negeeye wuu rumaystay. Waxaa se kaga sii darraa, dareenkiisana raad qoddo dheer ku reebay, markii uu madaxweynuhu sheegay isaguba in uu maalin goobtan oo kale taagnaa oo tabobar dhammaynayay, maantana, halgan adag iyo waqti dheer ka dib, uu yahay Aabbaha Umadda iyo Hoggaamiyaha Kacaanka.

Negeeye intaa wuxuu ku dhaygagsanaa dhafoorrada odayga oo uu ka arkayay dhirbaaxooyinkii kulkululaa ee waqtiga, iyo darajada garbaha kaga taxan oo u muuqata dhirbaaxooyinkaas nabsibaxoodii. Ilbidhiqsigaa waxaa ku abuurantay riyo fog, wuxuu goostay in uu sarkaal noqdo.

Maalintii tabobarku dhammaaday saddex askari oo uu isagu ka mid yahay ayaa alifkii ugu horreeyay qaatay, kaas oo ay ku mutaysteen shiish wanaag iyo adkaysi. Alifkaasi Negeeye wuxuu cagta u saaray sallaankii koowaad jaranjaro dheer oo uu fanashadeeda u guntaday.

Isaga oo waxaas oo dhan maanka ku qaatay markii tabobarku u dhammaday wuxuu ahaa qof kale. Aad ayuu u xamaasadaysnaa, aad ayuu u xanaaqsanaa, aad ayuuna u la yaabbanaa waxa soomaalida qaarkood ka dhigay maanlaaweyaal aan Kacaanka siin abaalkii uu ka mudnaa. Wuxuu fahmi waayay sheyddaanka madaxa kaga jira rag uu abtigii Rooble ka mid yahay, kuwaas oo uu maqli jiray iyaga oo xan iyo xumaan ka sheegaya saraakiisha sare ee Kacaanka. Marar badan ayuu maqlay iyaga oo si yasid leh ugu kaftamaya: “Ma askar baa siyaasad wax ka taqaan?! Dalka ma waxay moodayaan xero millateri?! Hantiwadaaggan ay nagu wareeriyeenna xaggee bay ka soo bawsadeen?!”

Isaga oo sidaas u fekeraya, oo dirayskii ciidanka gashan, cududahana alif cadi kaga suntan yahay, oo sidii ilmo dharkii ciidda loo geliyay cagaha carrada ka ilaashanaya, ayuu maalin reer abtigii soo booqday. Markii muuqiisa la arkay ayay deriskii ku soo xoomeen, oo sidii nin aroos ah mashxarad iyo sacab ku gelbiyeen. In kasta oo uu ogaa in aanay ahayn jacayl isaga ahaan loo qabo, ee ay tahay qaddarin ciidanka oo dhan loo hayo, haddana islaweyni aad u badan ayuu dareemay. Waxay ka mid ahayd waxyaalihii shaqada sii jeclaysiiyay.

Markii uu tabobarku dhammaaday ciidankii waa la ka la firdhiyay inbana gobol baa lagu meeleeyay. Dhawr uu isagu ku jiro waxaa laga shaqogeliyay gaas fadhigiisu ahaa Baydhabo.

Xerada Negeeye lagu qoray in kasta oo aanay ahayn meel xiise badan, maalin walibana u egayd tii tagtay, haddana waa ay ka duwanayd noloshii dhibka badnayd ee tabobarka, tii uskagga ahayd ee geerashka iyo tii darxumada badnayd ee Damalweyn intaba. Wuxuu yeeshay mushahar uu isku hallayn karo, wuxuuna dareemay in uu taagan yahay meel uu dhismaha mustaqbalkiisa ka amboqaadi karo. Madaxweynuhuba mar buu alifle ahaa, waddada yari ta weyn ayay kugu riddaa, ayuu isxasuusiyay.

Baydhabo waxaa ku taallay shinoomo laga dhigo filimo af talyaani ku hadla, kaas oo aanay dadka badankoodu wax badan ama waxba ka fahmin jirin haddana habeen walba laga buuxi jiray. Mushkiladda af talyaaniga waxaa lagaga ladnaa filimada halkaa lagu daawadaa waxay u badnaayeen dagaal iyo fardoolay Maraykan ah. Waxay kale oo Baydhabo ka mid ahayd magaalooyinka lagaga talo galo Hobollada Waabberi marka ay sidaan ruwaayadahooda la jecel yahay. Ruwaayadaha ayuu Negeeye filimada ka jeclaa waayo waxay ka hadli jireen nolol uu fahmayo.

Xiisaha ay magaaladu yeelan lahayd niman uu Negeeye ku jiro waxaa ka carqaladeeyay aqoon la’aanta lahjadda maayga taas oo aanay barashadeeda wax dadaal ah saarin. Waxay yaseen dhaqan hoosaadka iyo lahjadda bulshada, waxayna si xaqirid leh u yidhaahdeen: “Waa tii uu Sayidku sheegay oo maaygu af muslin iyo af gaalo toonna ma aha.” Laakiin askartii lahjaddaa baratay markiiba waxay noqdeen reer baydhabo, qaarkoodna waxay barteen ama guursadeen gabdhihii magaalada. ***

Negeeye isaga oo laba bilood Baydhabo jooga, goor galab ah oo uu xerada turub ku cayaarayo, ayaa loo sheegay in ay qof dumar ahi debedda ku sugayso. Xasuusta ku ma uu hayn gabadh soo booqan karta, sidaas darteed intii uu albaabka weyn ee xerada ku sii socday wuxuu ka fekeray ta ay noqon karto. Markii uu debedda u soo baxay wuxuu arkay haweenay geed hoos fadhida. Ilmo yar ayay dhabta ku haysataa. Wejigeeda diif ayaa ka muuqata laakiin ma garan waayi karo. Waa Amran.

Damalweyn ha necbaado mase illaawin, gaar ahaan hooyadii iyo Amran labadaba joogto ayuu uga fekeraa. Had iyo goor waa uu maleeyaa ka uu noqon karo ninka Amran ka dhaxlay ee habeen walba marka tuulada laga seexdo mutulkii xumaa ku la xisaabtama. Haddii uu Xamar tago cid Damalweyn ka timid wuu la kulmi lahaa, ha yeesho ee Baydhabo cidna ku la ma kulmi karo.

“Aad ayaad isu beddeshay”, ayay ku tidhi markii ay isbariidiyeen. “Waad sii kortay, shaarubo weyna la baxday.”

“Qudhaadu waad isbeddeshay. Waad caatowday.” “Waqtiga ayaa caato iska ahaa”, ayay tidhi, oo ilmihii inta ay kor u soo qaadday sida muraayadda Negeeye wejiga ugu beegtay. “Waxyaalo badan baa isbeddelay, ninkan yarina isbeddelka ayuu ka mid yahay ee bal isbarta.”

Negeeye wuxuu eegay ilmihii oo ahaa qof weli aad u yar oo laba indhood oo aan libiqsanayn ku soo fiirinaya. Wuu maleeyay waxa ay soo waddo, isaga oo dhididsan, neeftuna dirqi kaga soo baxayso, ayuu si dareen ka buuxo Amran ugu dhaygagay. Intii aan wax hadal ahi ka soo bixin ayay u raacisay:

“Waxaan u bixiyay Kaliil, laba sababoodba: waa mar ee wuxuu dhashay kaliil, waa marka labaad ee wuxuu i baday kulayl. Rafaad badan baan ku keliyaystay, waad og tahay dadku sida ay u arxan daran yihiin marka ay gabadh aan nin lahayni uur yeelato.”

“Waan fahmayaa”, ayuu ugu garaabay. Waa markii kowaad intii ay dhibaatada la kulantay ee ay maqasho cid u garowda, illin ku gaaxatay ayaana kediso uga soo qubatay.

“Xaaladda aan ku ummulay Ilaahay uun baa fahmi kara. Dhib kastaba aan ka soo maro ee faan ayay ii ahayd in aad aabbihii tahay.”

“Laakiin xaq ma u lee yahay in aan ku idhaahdo nin kasta oo kale ayaa Kaliil aabbe u ahaan kara?”

Si naxdin leh ayay Negeeye eegmada ugu la boodday. Ilmadii dhabanka qulqulaysay ayay garbosaarta degdeg ugu masaxday, dabadeed si calool adayg leh ugu tidhi:

“Cay Kuu ma aan soo doonan ee waxaan kuugu imid in aynu inankeenna wada korsanno, waayo waa adigii guur ii ballan qaadday, waanan ku aamminay.”

“Haddii aad doontid cay u qaado, laakiin wayddiinta xaq ma u lee yahay?”

“Uma lihid, maxaad ugu lahaanaysaa? Waa ayaandarro haddii aad isu aragtid in aadan aabbe noqon karin, ama aadan doonayn in aad noqotid.”

Cabbaar ayay ka la aamuseen oo dhulka xarxarriiqeen nabarro xanuun lehna ka jeexeen. Mar dambe ayuu Negeeye madaxa kor u soo qaaday. Qorigii uu dhulka ku xaquuqayay ayuu sidii uu cadow ku dhufanayo hortiisa xoog ugu maguujiyay. Cir buluug ah oo aan caad lagu ogayn cadceedduna galbeed uga hoobatay ayuu indhaha mariyay. Xusuus yar jiidatay ayuu maskaxda ka saaray. Kaliil oo Amran dhabta u saaran ayuu wejigiisa eegmo ugu noqday, isaga oo malaha ka daydayaya meel uu isaga ama raggii kale ee reer damalweyn midkood uga ekaan karo. Wuxuu se ahaa dhaylo aan weli qaab yeelan oo aan la qiyaasi karin. Wuxuu ka fekeray Amran in ay si kale u aragto.

Iyada eegmada dambe ee Negeeye waxay gelisay rajo. Codka niyaddiisa ka guuxaya laakiin aan afkiisa ka soo bixin si fiican ayay u garatay. Waa nin ay taqaan, qof aad taqaanna haddii uu seexdo oo soo tooso waa isla isagii. Sidii ay hal maqaar diidaysa ku godlayso ayay mar kale Kaliil kor u soo qaadday oo tidhi:

“Bal muraayad isku eeg. Waa kaase miyaan la moodin in la idin ka la jeexay? Dhegahaasi miyaanay ahayn kuwaaga la moodo dhego bakayle?”

Waa runteed, yarka dhegihiisu waxay ku dhow yihiin in ay dhakada kor u dhaafaan. Laakiin waa ku ma ninka reer damalweyn ah ee aan dhego waaweyn lahayni? ayuu ku fekeray. Aw Faarax iyo Haybe iyagaba ma cid baa ka dhego dhaadheer? Taasi sifo ay reer damalweyn oo dhami ka la hiddaysteen ayay noqon kartaa ee daliil kale ma jiraa?

“Sidee baad ku soo ogaatay in aan Baydhabo joogo?” ayuu wayddiiyay.

“Intii aan Damalweyn joogay ayaan xan ku maqlay in aad Xamar timid, abtigaana Xamar waan ku ogaa. Si gobannimo leh ayay reer Rooble ii qaabbileen, saddexdii habeen ee aan la joogayna aad ayay ii daryeeleen. Waxaa se ku adkaatay in ay rumaystaan in aan xaas kuu ahay, waayo sida ay ii sheegeen weligood taas kaa ma maqlin.”

“Sidee bay iiga kaa maqlaan ma xaas baad ii ahayd?” “Ma aha in aan anigu la yaabban ahay ee waxaan u jeedaa sida ay iyaga ugu adkaatay.”

Imika Amran ilmadii waa ay ka engegtay, markii uu sii eegayna wuxuu xasuustay tii gogosha ku gardaadisay ee wehelka u ahayd berigii debedyaalnimada. Wuu hubaa imaatinkeeda in uu u baahnaa, laakiin ilmahan jaan yaa dhalay? ayuu ku fekeray. Weligii hebednimo ayuu ku hubay, xataa markii ay isugu dhowaayeen, maanta oo ay iyaga oo muddo ka la maqnaa ilmo u la timidna hadalkeedba daa. Laakiin armuu ilmo uu dhalay dafiraa? Mar haddii uu iyada u baahan yahay midho daray in uu duudduub ku liqo ayuu goostay.

Go’aan wuxuu ku gaadhay in uu dhakhso u guursado, waxayna ku heshiiyeen in ay dadka u sheegaan hore in ay isu qabeen. Waa ay hubeen taasi in ay layaab dhali doonto, waayo Negeeye weligii afkiisa laga ma maqal in uu xaas lee yahay. Waa se sida keliya ee ay aabbennimadiisa Kaliil ku sharciyayn karaan.

Habeenkaa wuxuu geeyay guri uu lahaa askari ay saaxiib ahaayeen oo xaas magaalada ku lahaa. Maalintii xigtay wadaad iyo laba markhaati ayuu masjidka ka soo kaxaystay, markii ay hawshooda guteenna hilib iyo bariis ka dhergiyay. Dabadeed ciddii yaabaysaa ha yaabto, waa ay isqabeen.

Waxay degeen qol keliya oo ay magaalada ka kiraysteen, kaas oo aanay dhigan wax dhaafsiisan sariir labaqaad ah iyo weel cunto. Wax ay galeen nolol iska liidata, laakiin aan ka liidan tii ay awalba soo wada mareen. Mushaharadiisa oo bilawgii ahayd dakhligooda keliya waxaa caawiyay raashin jaban oo ay ciidanka ka heli jireen.

Markii ay Amran magaalada la qabsatay ayay qunyar qunyar u bilawday xirfad dakhligooda wax badan ku soo kordhisay. Dadka ayay u fooxisaa, taas oo ay baratay intii ay Negeeye soo ka la maqnaayeen. Waxay fardaamisaa falka, waxay cuudisaa jimanka, waxay sheegta cudurrada, waxay qortaa maddiidada, waxay tilmaantaa sababaha faqriga. Ma jirto cillad aanay cilmigeeda lahayni. Intaas oo dhan waxaa u dheer dadka waxay u sii oddorostaa waxa uu qaddarku mustaqbalka u maleegayo.

Barxadda guriga oo ay qoysas kale la wadaagaan ayay dadka ugu shaqaysaa. Fooxa ay sida joogtada ah u qiiqiso, oo deriska wada gaadha, dan badan dadku ka ma galaan. Haddii ay ka dacwoodaan in ay jimankeeda ku soo fasaxdo ayayba ka baqeen.

Dhaqaalaha qoyska intii Negeeye in ka badan ayay ku soo kordhisay, laakiin isagu runtii ku ma faraxsana. Mar keliya ayuu arkay agagaarkii qolkiisa yar oo had iyo jeer qiiq ku xayndaaban yahay, ilaa uu Kaliil iyo Idil oo maalmahaas dhalatay ka baqay in ay ku indho beelaan. Jimankan ay u soo xaraysay waxaaba kaga daran magacxumada ay u soo hoysay. Awal waxaa loo yaqaannay Guriga Labaaliflaha, imika se waxaa loo yaqaan Guriga Fooxisada.

“Amran, waa maxay waxan aad gashay?” “Weligaba waan ogaa in aan amran ahay, aniga oo aan tallaabo qaadin baa la ii sheegay in la i weheliyo. Ma qalad baa markaas in aan waxa uu Ilaahay igu mannaystay dadka uga faa’iideeyo?”

Waxa ay sheegayso isagu ma rumaysna mana beensana, laakiin kollay waa ay ku adag tahay in uu rumaysto mustaqbalka in wax laga ogaan karo. Maalin ayaa xerada ciidanka la isla dhex qaaday war sheegaya in la xulayo shan askari oo ay da’doodu soddonka ka hoosayso, oo dalka Soofiyadka layli sarkaal loo geynayo. Negeeye isaga oo taa rajo weyn ka qaba ayuu Amran u sheegay, iyaduna cilmigeedii ayay la ka la baxday oo foox ku tuurtay. Aqalka hortiisa ayay dabqaad ay dhuxulo nooli ku jiraan foox ku ridday. Markii uu qiiq cirka isku shareeray ayay gacmaha dhex warwareejisay, cod la moodo in ay hadrayso ayay ku guuxday, indhaha ayay sidii qof sii dhimanaysa ka bilig bilig siisay, madaxana sidii qof xummadaysan marba dhan u walhisay.

“Waa guntin… guntin aan la furi karin! Iyo xinjir… xinjiro! Dhiiggana maxaa noo keenay?… Iyo maydkan aan aasnayn? Yaahuu! Isku baxa! Isla hela! Gurigiinna ma dhaafto! Guntintiinnu ma furanto! Maydkiinnu ma aasmo! Yaahuu!”

Waxay u ekaatay qof la maray. Waa markii koowaad ee uu Negeeye u fiirsaday iyada oo fooxinaysa, runtiina wuu baqay iyadana wuu u naxay. “Naa waa maxay?” “Usuus! Negeeye, dhoofkaaga mooyee sow adigan dhintay! Sow tan ay ku dishay xabbad ka soo dhacday gacan aad kuugu dhowi! Bisinka iyo yaasiinka! Bisinka iyo burdaha! Waa maxay waxani?”

Negeeye waxaa maskaxdiisa ku soo dhacday sidii uu Goodir u dilay iyo markii uu xabbadda ku dhuftay sidii ay gacantiisu ugu dhoweyd. Degdeg ayuu Amran uga ag kacay isaga oo sii leh:

“Naa nagala tag khuraafaadka.” ka ma uu mid noqon shantii askari ee Midowga Soofiyati loo qaaday. Laakiin taa waxaa kaga darrayd xabbaddii dishay ee gacanta aad ugu dhow ka soo dhacday.

Maalmahaas uu koorsada debedda ah waayay ayuu subax roob culusi da’ayay shaqada galay, wuxuuna ugu tegay warqad uu abtigii Rooble ka helay. Wuxuu u soo sheegay laba war oo uu Negeeye mid ka murugooday midna ka baqay. Hooyadii Dhool baa dhowaan miyi ku geriyootay, nin ina Goodir ahina wuxuu soo galay Xamar.

Mar keliya ayuu Negeeye wada xasuustay jidhkii Dhool ee caatada ahaa, ee aad moodaysay gabadh ugub, codkeedii macaanaa iyo labadeedii indhood oo ahaa wax uu arko waxii ugu naxariis badnaa. Wuxuu u xasuustay sidii ay shalay isugu dambaysay. Wuxuu ka fekeray dardaarankeedii ahaa in aanu aabbihii u aarin, wuuna maleeyay markii ay dilka maqashay in ay ka naxday.

Maalintii xigtay dhawr wadaad ayuu soo kaxeeyay oo lax shilis iyo bariis iyo shaah u kariyay. Soddonka Qur’aanka iyo mid iyo kow iyo toban qulhuwalle iyo duco kale ayay u akhriyeen. Intaas ayuu hooyadii ku xusay.

Welwel kale waxaa ku soo kordhiyay ninka la sheegay in uu Xamar soo galay. Si wanaagsan ayuu u garanayaa. Waa Cali-Dheere, curadkii Goodir oo isaga gu keliya ka yar. Dadkuba miyiga waa ay ka soo wada yaacayaan, Xamarna ku soo xoomayaan, ina Goodir isaguna taa dadka kale ayuu ka la mid noqon karaa, laakiin in uu dekeno daba socdaana waa suurtogal. Wuu dacweyn karaa oo Negeeye deldelaad loo taagi karaa, laakiin sida ay dabeecadda reer miyigu tahay waxay u badan tahay in uu doonayo gacantiisa in uu ku aarsado.

Saadaashii fooxa Amran ayuu mar kale xasuustay. Maalintaas ka dib wuxuu ahaa dhiillo u joog, mar kasta oo uu baabuur Xamar ka yimid arkana eegmada ayuu la sii raaci jiray bal in uu arko qof ina Goodir u ekaan kara oo ka soo degaya. Wuxuu warqad ku cayntaariyay saaxiibkii Diiriye uu kaga codsanayo in uu ninkaa ina Goodir ee Xamar lagu sheegayo ujeeddadiisa warbixin dheeraad ah ka raadiyo. Ugu dambayn Diiriye wuxuu soo xaqiijiyay Cali-Dheere in uu yahay xerow diin barasho u socda, habeen iyo maalinna masjidka fadhiya.

Warkaasi qalbiga Negeeye culays badan ayuu ka qaaday, laakiin ka ma uu wada qaadin. Khayr wax ku ma yeelo ee shar u toog hay, ayuu ku fekeray. Xerownimada in uu ku raadgadanayo, oo isleh yahay cadawgaagu ha isdhigto, ayaa laga yaabaa, ayuu maleeyay. Laakiin ma ay jirin wax uu arrinta ka qaban karo oo aan ahayn in uu sii digtoonaado.

***

Xirfadda ciidanka oo ay dad badani ka faanaan Negeeye isagu wuu ku faanaa, tuutahana shaqo keliya u ma sito ee wuu ku xarragoodaa. Sababtu wax ay tahay mooyi laakiin magaca “askari” wuxuu ka jecel yahay “millateri” oo u la macne ah quwad iyo haybad. Dadka inta aan millateri ahayn wuxuu u yaqaan rayid, taas oo u la mid ah maato, taas oo iyaduna u la sii mid ah jileec, liidnimo iyo hoosayn. Mooyi in lagu shubay iyo in uu isagu isku shubay, wuxuu se dareenka ku haystaa in ay jirto geesinnimo iyo nafhurid uu dadweynaha dheer yahay. Ma jirto xirfad kale oo uu ku doorsan lahaa. Askari waliba waqtiga nabadda shaqadiisa wuu jeclaan karaa, marka ay runi run tagto ayaa se la ka la baxaa. Laakiin Negeeye sida uu raalli uga yahay ma jiraan wax nacsiin karaa.

Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay jawiga xeradu aad ayuu u kacsanaa, waxaana si weyn loo dareemayay xaalad degganaansho la’aan ah. Fasax qaadasho oo dhan waa la joojiyay, askartii fasaxa ku maqnaydna dib ayaa loogu wada yeedhay. Waxaa la galay heegan, askari walbana waxaa loo tiriyay dhammaan qalabkii dagaalka. Xerada waxaa lagu soo toomiyay gaadiid iyo qalab dagaal oo cusub. Saacadaha hurdada mooyee waqtiga intiisa kale oo dhan waxaa la galay tabobarro, khudbado iyo abaabul adag. Waxaa isweydaaranaya saraakiil sare oo Muqdisho ka timid. Sababta, in kasta oo aanay jirin cid si rasmi ah ugu warrantay, haddana ciidanka oo dhami wuu ogaa: waxaa bilawday dagaalkii Soomaaligalbeed.

Goor makhrib ah ayaa markii cashada laga soo jeestay siidhi la afuufay, amarna lagu bixiyay in si degdeg ah la isu qalabeeyo. Daqiiqado ka dibna waxaa lagu kulmay barxaddii xerada, halkaas oo ciidankii lagu wargeliyay in jiidda dagaalka laga hawl gelayo, daqiiqad kastana la dhaqaaqi doono. Dhawr nin mooyee waa dad shantii sano ee ugu dambeeyay la ciidameeyay, waayo’aragnimo dagaalna ma ay lahayn.

Saqdhexe ayay guuxii baabuurta, gaardigii ciidanka iyo amarradii saraakiishu isqabsadeen. Markii ay habeenka saddex meelood oo laba tagtay ayaa ciidankii oo kolanyo ah xerada galbeed qumman looga dareeriyay.

Barqadii uu ciidanku jiidda gaadhay dagaalku markaa wuxuu socday bil, ciidammada xabashidana durba waxaa laga qaaday dhul aad u ballaadhan. Meel walba waxaa laga maqlayay gariir iyo qaraxyo culayska ka la daran oo aan kalago lahayn. Waxaa ka darraa diyaaradaha dagaalka oo hawada galaabaxayay guuxoodana lagu dhego barjoobayay. Waxay ahayd xilli qabow, roob joogto ahina da’ayay, meel walibana waxay ahayd qoyaan iyo biyo. Gaar ahaan askarta dagaalka ku cusub ee weli baqaysa dhaxantu waxay u haysay si dheeraad ah. Markii se dagaalkii ugu horreeyay la galay, ee diirrimaadka qoryaha iyo uumiga baaruudda la kulaalay, baqdintii iyo dhaxantiiba isku mar ayay kaceen.

Ciidammada Xabashida si foolxun ayaa looga adkaan jiray, dhul badanna iyaga oo aan kuba dagaallamin ayay ka kaceen. Laakiin dhufaysyada dagaalka lagaga qabsaday waxay u eg yihiin meel dadkii dunida oo dhan lagu halaagay, waxaana isdul fuushan maydad aan tiro lahayn. Meel walba waxaa taal raq fuurtay ama solantay oo dayaca iyo foolxumada la moodo xoolo ay abaari xaaqday. Sideedaba goobta dagaalku waxay ka mid tahay meelaha ay dadnimadu ku macno beesho.

Sidaas oo ay tahay, haddii la diiday dilka in la iska daayo hubka casriga ahi waa horumar la gaadhay, wuxuu dhaamaa waran daxal leh oo isaga oo aan ku dilin wadnaha ku fadhiista, ama fallaadh feedhaha kaa ruubata, amaba seef af daran oo muruqa ku jiidha. Horumarka ay noloshu samaysaba dhimashaduna mid la’eg ayay la samaysaa, tallaabada ay qaaddana mid la’eg ayay ka daba qaaddaa.

Khasab ma aha loollan waliba in uu yahay shar iyo khayr ama dulmi iyo dulmane legdamaya. Marar badan ayay laba sheyddaan isu tafoxaytaan, marar badan ayay laba malag is hirdiyaan, marar kale ayay se sheyddaan iyo malag seefta isu la baxaan. Jacaylka guusha iyo sakhradda ay libintu lee dahay, ama xanuunka gunnimada iyo foolxumadeeda, ayaa badanaa ah waxa ugu weyn ee dadka dirirta geyaysiiya. Marka aad qabtid dareen xaqudirir iyo marka aad seefta sheyddaanka walhinaysid dhimashadu isku dhadhan ma aha.

Xamaasaddii dagaalka lagu galay ee waddaniyadeed waxaa ka weynaa wax iska celin, in la iska celiyo cid kasta oo ka qaybgashay shirqoolkii caalamiga ahaa ee soomaalida loogu tashaday. Laakiin dagaalkaa dhan walba lagu halaagmay, isla markaas sababta u ahaa degganaan la’aanta Geeska Afrika, kooxdii bilawday ee Xamar fadhiday caqli ku ma ay qorshayn. Haddii la ogaa khilaafka gobolku in aanu dabiici ku calool gelin ee ahaa rimaygacmeed, isla markaas quwadihii rimaygacmeediyay mowqifkoodu weli kii ahaa, dagaalkaasi wuxuu ahaa fal xilkasnimo ka qaawan.

Ma jirto dunida ummad uu gumaysigii reer yurub ka galay godob la foolxumo ah tii uu soomaalida ka galay. Xataa foolxumadii dadnimada ka baxsanayd iyo midabtakoorkii ummado badan lagu la kacay qaarkood waxaa looga aayay midayn qowmiyadu laga yaabo in aanay weligood midoobeen oo aan af iyo isir toonna wadaagin. Laakiin Soomaaliya waxaa ka dhacday fadeexad caalami ah iyo ceeb ilaa maanta wejiga kaga taal cid kasta oo ka qaybgashay ama taageertay. Bulsho aan waxba galabsan oo dalkooda iskaga nool ayaa inta awood loo la yimid shan meelood loo qaybiyay. Laba walaalo ah ayaa xarriijin la dhex mariyay laguna khasbay in ay ka la dal iyo ka la dad noqdaan.

Oo horta soomaalida maxaa loo qaybiyay? Ma la sheegay sababta? Soomaalidu marka ay xoolo dhacaan colka duullanka ahi wuxuu isu qaybin jiray qayb dhaca erida iyo qayb ka dambaysa oo cadawga joojisa. Qaybta hore waa dhacwade, qaybta dambena waa raacdareeb. Dullaynta iyo bililiqada Afrika loo geystay haddii ay ahayd dhacwade, godobta la ka la dhex dhigay ee lagaga tegay waxay ahayd raacdoreeb. Halkii ay dhaawacii loo geystay qoon ka raadsan lahaayeen, bililiqadii lagala tegayna soo dhacsan lahaayeen, ayay iyagu isa sii eedeen.

Ta soomaalida gaarka looga dhigay sabab diineed dheh, isir nacayb dheh, utun la abuurayay dheh, soomaalida oo la cadaadin kari waayay ama laga baqay dheh, waxa aad doontid dheh. Kuwii se taa sameeyay waxay si fudud ugu doodi karaan: “Awooddayada jaan wax uun in aan ku samayno sow ma ay ahayn? Miyay habboonayd meesha inta aannu qarni dhan soo joogno in aanu sideedii kaga nimaadno?”

Dulmi waliba, marka uu og yahay in uu dulmi yahay, wuxuu hindisaa halkudhig akhlaaqeed oo uu ciidankiisa ku dagaalgeliyo ka xaqana indhaha kaga ciideeyo. Gumaysigu haddii uu ku dagaal geli jiray “ilbixin”, qaybinta soomaalidu waxay ka mid ahayd ilbixinta. Qirashada denbiguna haddii ay tahay denbidhaafka qudhiisa, qirashada denbiga soomaalida laga galay waxay noqon lahayd bilawga xalka mushkiladda Geeska Afrika oo dhan.

Ma jirin dagaalkii Soomaaligalbeed halgan ka guul iyo guuldarro badnaa, ma jirin halgan ka farxad badnaa haddana ka xanuun badnaa, mana jirin libin ka dhaweyd haddana ka fogayd.

Colaadda bariga iyo galbeedku waxay maraysay halka ugu ba’an, dagaal ayayna qarka u saarnaayeen, haddana waa ay u midoobeen ka hiilinta soomaalida. Hiil shisheeye waa halkiisa, hoggaan xumaadaa se waa hoog. Jahliga iyo faqrigu iyaguna waa laba hoog oo kale. Intaas oo cudur ayaa soomaalida isu biirsaday, cid kastaana ha farageliso ee waxa ay iyadu isyeeshay wax la’eg weligeed la ma yeelin.

Dagaalka afrikaankuna badanaa dagaal afrikaan ma aha, waxaa lagu soo sameeyaa meesha hubka ay isku dilayaan lagu soo sameeyo. Dagaal kasta oo ay laba dhinac oo afrikaan ahi isku dilaan waxaa ka dhasha laba natiijo oo joogto ah: warshadaha hubka oo ay suuq u noqdaan, iyo darxumo wadajir ah oo ay dhaxlaan. Ka Soomaaligalbeed isaguna noocaas ayuun buu ahaa.

Maxaa miskiin madow naftiisa macnodarro ku waayay oo ay xabbad aanu wax ay ka samaysan tahay aqooni ifka ka qarisay! Maxaa qawsaar leeb iyo qaanso ku qawlaysan jiray boobe qarqarka loo geliyay oo uu dhan walba u farraqay! Holaca baaruudda maxaa hillaac roob la mooday oo loo hayaamay! Maxaa dhimashada la isu qurxiyay oo dhaldhalaal iyo dheeha dahabka loo yeelay! Indhoole muxuu indhoole kale usha u qabtay! Dawan iyo maxaa durbaan been ah dabo orodkooda lagu halaagmay! Nafta maxaa la hafray! Maangaab Afrika ku harraaddani muxuu hogol Washington ka da’aysa iyo baraf Moosko haya dallad ka hagoogtay! Ku dayasho cid kale maxaa hoog looga dhacay!

Miyay ciil qabi lahaayeen hubka ay isku halaagayaan haddii ay iyagu leh yihiin, colaaddooduna ku sal lee dahay sababo horusocod leh. Waxii ay nolol haysteen oo dhan ayay dhoofiyeen oo waxii dunida dhimasho taallay soo dhoofsadeen, markaas ayay sidii ayax la buufiyay u le’deen. Hubku waa sida maandooriyaha: ka iibiyaa wuu ku cayilaa ka gataana ku dhintaa.

Weligoodba Maraykan iyo Yurub xabashida ha ku sixreen hiil kiristaannimo oo aan qalbiga ka jirin ee ay maslaxad arxandarani ka dambayso. Carabtu weligeedba soomaalida islaamnimo awr ku kacsi ah ha ku indho sarcaadiso. Runtu se waxay tahay, kurayga garaca ah ee suuqyada Itoobbiya ku darxumaysan iyo garaca kale ee suuqyada Soomaaliya ku dayacan waxaa wada dhashay hooyo labada jeerba kufsi lagaga dhalay.

Guulihii runta ahaa ee ay halyayada badani nafta u hureen iyo guulihi faalsada ahaa midkoodna waxba ka ma tarin xaqiiqadii lala guryo noqday. Soomaalidu dagaalkii waa ay ku jabtay, iyada oo duleedka Adis Ababa sii socota ayaana samada lagaga soo degay oo bananka Jigjiga sida cawsha laga ugaadhsaday. Laakiin markan hiilku ma ahayn Boordaqiis, mana ahayn Ingiriis, wuxuu ahaa Midowga Soofiyati iyo xulafadiisa. ***

Waxyaalaha aynu rumaysan nahay badanaa innagu ma dooranno ee bulshada ayaa si toos ah ama dadban inoo gashata, taas oo badanaa dhacda marxaladda carruurnimada. Marar kale innaga oo kaashanayna aqoon, waayo’aragnimo iyo garaad ayaynu tashannaa, go’aan iyo tallaabo aynu ku qanacnayna qaadnaa. Waxaa se iyana jirta mar saddexaad oo aynu qaadanno talo aynaan aamminsanayn laakiin iska yeelyeelno si aynu duruuf jirta ugaga gudubno, ama carqalad akhlaaqeed ama awoodeed oo ina hor taal ugu burburinno, taas oo dabadeed qalad kasta oo ay tahay qunyar qunyar u noqota wax aynu difaacno. Halkaas waxa aynnu ka la mid noqonnaa beenaalihii beentiisa rumaystay. Taasi waa mid ka mid ah sababaha ay had iyo goor xaqa iyo baaddilku isugu murgaan ee loo ka la saari kari waayo.

Ka soo noqoshadii dagaalka Soomaaligalbeed waxay ku beegnayd bilawgii dagaalkii sokeeye, ciidan badan ayaana isaga oo aan dhiiggii hore ka faroxalan dagaalka Mudug loo gudbiyay. Waxay ahaayeen laba dagaal oo aad u ka la macne duwan, taliskuna wuu ka feejignaa sarkaalka loo dirayo cabbudhinta kacdoonka gudaha. Sarkaal walba waxaa loo dooran jiray jiidaha dagaalka ee iska dabo qarxay ninba meesha ku habboon, iyada oo asaas looga dhigayo shakhsiyadda sarkaalka iyo cidda uu ka dhashay. Negeeye wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu horraysay ee halkaas la geeyay, sababtuna waxay ahayd warbixin laga haystay oo ah in uu yahay soomajeeste wax walba dantiisa ka hor mariya.

Bilawgii Negeeye wuu qaadan kari la’aa falalkii fulintooda loo xilsaaray foolxumadooda, laakiin markii ay naftiisa dhagari buuxisay gacmahana dhiigga daray, ayuu isku sasabay in uu yahay xaqudirir gudanaya waajib qaran oo calanka cadow ka caabbiyaya. Si uu beentiisa u rumaysto waxaa qiimo weyn u lahaa falcelin kasta oo cadaawad loo tarjumi karo oo ay ku kacaan dadkii lagu tumanayay. Waqti ka dibna wuxuu isarkay isaga oo dhiigga u hamuumaya, taas oo ku beegnayd markii uu xiddigtii labaad garbaha ku hubsaday.

Wuu ogaa in la doonayo dadweynaha in lagu abuuro argaggax iyo cabsi, si ay uga sasaan muuqa millateriga iyo magaca maamulka, taana lagu gaadhi karo gawrac iyo gubis aan naxariis lahayn. Sidaas darteed waa in uu lahaadaa qalbi aan nixin iyo jidh aan dubaaxin.

Berigaa uu dhiigga muquuray ayay u bilaabatay marxalad cusub oo noloshiisa isbeddel weyn ku samaysay. Waxaa mar keliya ku soo faruurmay togag lacag ah oo uu meel ay ka timid garan waayay. Xiddiglaha markii uu ahaa iyo maanta mushaharadiisa rasmiga ah farqi badani u ma dhexeeyo, taas oo awal ahayd wax keliya ee uu isku halleeyo imika se aan uba tirsanayn. Lacagtu waxay ku soo gashay kun siyood, waxayna ka soo gashay kun meelood oo aanu weligiiba ka fekerin.

Maalmihii ololaha Mudug meesha ugu ba’an marayay, wuxuu marar isu dhodhow helay lacag badan oo loogu sheegay gunno, laakiin uu ogaa in ay ku lug lee dahay hawlihii halkaa ka socday. Dhammaadkii sannadkii 1981, maalin uu wasiirka gaashaandhiggu booqasho ugu yimid, isaga iyo saraakiishii kale ee gobolka joogtay waxaa loo qaybiyay lacagtii ugu badnayd ee uu Negeeye weligii arkay, konton kun oo shilin midkiiba. Saraakiisha ka sarraysa wuxuu marar badan ka helay lacag aan magac iyo warqad midna lahayn. Isaga oo taa ka fekeraya ayuu sarkaal ay isku dhowaayeen maalin lacag la qabysaday ku la kaftamay:

“Xaalku ma qayil oo markii lagu qabto uun arag baa?” “Cidina ku qaban mayso ee waxii dhacayaba dhankaaga qabso”, ayuu saaxiibkii ku dhiirrigeliyay, uguna sii xog warramay: “Miyaadan maqal khudbadii madaxweynaha ee sannad guurada Kacaanka? Haddii aynu nahay shaqaalaha dawladda wuxuu inagu boorriyay: ‘Iimaanlaaweyaasha dalka ka yaacay ha ku dayanina ee dadkiinna iyo dalkiinna iska xagxagta.’ Waxan ku la batay ee aad la yaabtay, saaxiib, wax kale ma aha ee waa waxoogaagii aannu soo xagxagannay.”

Maalintaas ayuu Negeeye joojiyay in uu arrimahaa ka fekero. Ilkaha iyo ciddiyaha ayuu soofaystay oo bilaabay xagxagashadii ugu darrayd. Laakiin ilaa markaa lacagta jeebkiisa soo gasha inteeda badani waxay ahayd mid uu cid kale ka helay, dabadeed waxaa la gaadhay waqtigii uu isaga qudhiisu lacag samayn lahaa, gacantiisana wax laga heli lahaa.

Sidii uu Mudug u yimid marnaba ka ma uu qaybgelin dagaalkii Xabashida iyo mucaaradka ee jiidaha ka socday, ee wuxuu ka mid ahaa kuwii gudaha ka waday gumaadka iyo qabqabashada rayidka lagu tuhunsan yahay in ay mucaaradka qalbiga ka la jiraan. Haddana mar dambe ayaa hoggaamiye looga dhigay ciidan loo xilsaaray soo qabqabashada dadka la doonayo in la ciidameeyo, waayo berigaas ma jirin qof iskii ciidanka u qoran jiray. Saddexda gobol ee Mudug, Galguduud iyo Hiraan ayuu ahaa dhulka uu ciidanka qafaalka Negeeye galaabixi jiray, muddadiibana gobol iyo degmo ayaana si gaar ah awoodda loo saari jiray. Magaalooyinka, tuulooyinka, ceelasha laga cabbo, beelaha beeraleyda ah, meel kasta Negeeye iyo ciidankiisu waxay si lamafilaan ah ugu ka la bixin jireen weerar laga argaggaxo. Dadka waxaa loo qabqaban jiray si kasta oo suurtogal ah iyada oo la adeegsanayo qori afkii.

Qof salaad ku jira, mid xoolo oomman wada, mid aroos ah, mid buka, mid reer dhan mas’uul ka ah, mid beer falaya, qof walba waa meesha laga helo iyo nasiibkii. Dad aan tiro lahayn ayaa hawlgallada noocaas ah ku naf waayi jiray, kuwo kale ayaa ku naafoobi jiray, qaar kalena waa ay ku caydhoobi jireen.

Xagga ciidanka waxay ahayd shaqo aad u khatar badan. Waxay ahayd markii uu hubku shacbiga ku dhex faafay, sidaas darteed marar badan waxaa dhici jirtay dadka la doonayo in la qabqabtaa in ay diriraan. Negeeye isaga oo khatartaa ku jira ayuu haddana shaqadiisa jeclaystay, wuxuuna si gaar ah ugu farxay awooddiisa aan xadka lahayn ee uu goobta fulinta waxa uu doono samayn karo.

Dhanka kale waxay ahayd si uu lacag badan ku urursaday, waayo dadka la qafaasho qaar badan oo ka mid ahi waxay isku furan jireen wax kasta oo ay markaa gacanta ku hayaan ama heli karaan. Sidaas oo kale magaalada iyo tuulada la gabagabeeyo, iyo xataa shakhsiyaadka la qabto, marar badan baa waxa ay haystaan boob calaacasha la marin jiray.

Maalin aad u kulul ayuu Negeeye weerar qafaal ah Beledweyn ku qaaday. Meel suuq ah oo ragga la soo qabqabto baabuurta lagu gurayay tuban tahay isaga oo taagan ayuu arkay askari isbatoore lebbisan oo ku soo socda. Waa nin weyd ah oo ay busaarad darani ka muuqato. Canka waxaa uga buuran takhsiin qaad, laba farood dhexdoodna waxaa ugu laaban xabbad sigaar ah oo sii gamaaraysa. Wejigiisa guban iyo indhahiisa qaylinaya waxaa la moodaa dadqal.

Degganaan la’aanta iyo kayr kayrka ka muuqda wuxuu u eg yahay qof dhagar qaba. Markii uu Negeeye soo gaadhay salaan ciidan ayuu siiyay dabadeed gacan qaaday.

“Taliye, anigu waan ku garanayaa ee car i garo!” Negeeye ninka ma uu garan, isagii ayaana raaciyay: ”Dhegobacayr miyaadan garanayn? Sow innagii isku dhibbooga ahayn!”

Xusuus aan si fiican u muuqan ayuu Negeeye maskaxda dirqi kaga soo tuujiyay. Haa, waa kii shaxaadka badnaa ee goor walba dadka sigaarka wayddiin jiray. Ninkaasi wuxuu ku cataabay in uu nasiib xun yahay oo weli isbatoore yahay, wax adduun ahna gacan ku hayn, oo xero magaalada u dhow ku qoran yahay. Hadaltiro noocaas ah oo aan Negeeye dan ka lahayn markii uu cabbaar dhuray ayuu orday oo dukaan u dhow laba dhalo oo kooke qabow ah ka la soo cararay, dabadeed baabuurkii ay hoos taagnaayeen shidhka u wada galeen.

Markii la isu yar furfurmay waxa uu sheegay in uu nin ragga la qabtay ka mid ah oo baabuurka ku jira sii dayntiisa ugu yimid.

“Belo qaaddayga waxaa dhalay oday lacag leh oo kollay hadhow soo daynaya ee imika inaga sii daa. Waxii uu bixin lahaana aynu innagu ka qaadno”, ayuu soo jeediyay.

Awal wuu shakisanaa ee markii uu Negeeye taa ka yeelay wuu nefisay, wuxuuna soo jeediyay qorshe intaa ka sii mug weyn. Fikraddaasi waxay ahayd in uu Negeeye tirada ugu badan ragga magaalada ee u suurtogasha qafaalo, dabadeed isagu ehelkooda ka soo bislayn doono lacag madaxfurasho ah. In kasta oo uu Negeeye talada la yaabay haddana waa ay cajabisay. Sidii ayay yeeleen, dhawrkii cisho ee hawlgalkaasi socdayna Negeeye wuxuu helay lacag aad u badan, kii kalena la mid buu ahaa.

Markaa ka dib Negeeye habkaas ayuu ku hawl geli jiray, meel walbana nin isbatoorihii Beledweyn oo kale ah ayuu ka samaystay. Waxayna taasi u noqotay il dhaqaale oo muhiim ah, waxa ay se keentay dadka khasabka lagu ciidameeyaa in ay noqdaan foqorada aan madaxfurasho iska bixin karin oo keliya.

***

Magaalo waliba waxay lee dahay dhacdo taariikheed oo sida ilayska u ifta ama sida xabaasha u madow. Maalmahaa uu Beledweyn qafaalku ka socday, goor makhrib ah, koox barbaar ah oo si farxad leh walasaqo u tumanaysa, ayuu ciidankii qafaalku gabagabeeyay. Dadkii cayaarayay markii ay ka la firxadeen laga ma hadhin ee cagta ayaa cagta loo saaray. Laba ka mid ah dhabarka ayaa laga toogtay, mid webiga miciin biday yaxaas ayaa afka u dhigtay oo raq iyo ruux toonna la ma arag, intii kalena iyaga oo sagxadda baabuurta jiifa, qoortana lagaga taagan yahay, ayaa meeshii la doono loo dhoofiyay.

Dhacdadaa xanuunka lihi reer beledweyn waxay wada xasuusisay mid lid ku ah oo ay ku faani jireen. Waxay ahayd tobanguuro yaab leh. Sannadkii 1972 Beledweyn waxaa timid koox saraakiil ah oo xulanaysay dhallinyaro loo qaato ka mid noqoshada Xoogga Dalka. Waxay ahayd intii ay waddaniyaddu weli caafimaadka qabtay difaaca dalkana loo beratami jiray. Mawjad barbaar ah ayaa ku soo qamaamay goobtii diiwaan gelinta, dabadeed buundo webiga dul marta ayay isku garbiyeen oo la jabtay, dhawr ka mid ah ayaana maydkooda webiga laga soo reebay. Iyaduba xanuun waa ay lahayd, haddana reer beledweyn waxay u noqotay tusaale waddaniyadeed iyo taariikh ay ku faanaan.

Isla markii uu Mudug tegay ayuu Amran iyo carruurtii Baydhabo ka soo raray oo Gaalkacyo soo dejiyay. Amran waxay ku sii fogaatay shaqadii fooxisada, waxayna ku samaysay horumar weyn. Markii uu soo noqday wuxuu u yimid qofkii oo ay gurigeeda habeenka iyo maalintu isku mid yihiin, dad aan tiro iyo xaddi lahayn oo dumar u badanina is’hor iyo dabo marayaan. Waagii beryaba guriga waxaa ku furan quraarado cadar ah, waxaa ku duban bun, waxaa ku daadsan salool, waxaa ka shidan foox, waxaa ku qalan ceesaamo cadcad, waxaana digsiyo waaweyn ku karsan raashin. Iyadiiba ma aha. Had iyo jeer waxay xidhan tahay dhar wada cas, had iyo jeerna shucuurteedu waa ay kacsan tahay.

Ilmuhu aad ayay u dhogor wanaagsan yihiin marka laga reebo ta ugu yar, Ubax, oo iyadu bukaan ah. Waxaa muuqata maqnaanta aabbahood in aanay tabin. Sidii qoys gabraar ah goor walba dufan ayaa kor iyo kal ka da’aya.

Markii uu Gaalkacyo u soo wareejiyay Amran hawshii ayay halkii ka sii wadatay, macaamiil intii hore ka badan ayayba halkan ka heshay. Laba qol ayay degeen, mid baa labadooda ku magacaaban, ka kalena carruurta. Laakiin run ahaantii labadaba iyada ayaa ku shaqaysata.

In kasta oo uu markii hore guul u arkayay sida weyn ee ay dakhliga qoyska u wanaajisay imika qunyar qunyar ayuu ugu daalay. Gurigaba gurigiisii ma mooddid, inta ay dadka kale u shaqaynayso ayaaba ka badan inta ay isaga danaynayso. Meel walba dufan, cadar iyo foox ayaa ka uraya. Inta badan Negeeye shaqada ayuuba ku maqan yahay inta yar ee uu guriga joogona ku ma nefiso, wuuba ku diiqadoodaa. Xaalku wuxuu gaadhay in uu albeerko ama xerada ciidanka isaga hoydo, amaba xaafado kale iskaga qayilo. Sidii berigii Damalweyn ayuu saqdadhexe Amran u soo dhuuntaa oo inta uu cabbaar sariirta ku gilgilo dib uga guureeya.

Bishii koowaad ee uu Mudug yimid, ololaha dagaalkuna meesha ugu ba’an marayo, ayuu xiddigtii labaad qaatay, isla markaa dhaqaalihiisu si xawli leh kor ugu kacay. Sidaas awgeed baahi u ma uu qabin shilimmada uunsiga habruhu ka soo urayo ee Amran faraqyada ugu guntan. Wuxuu ka codsaday mar haddii uu isagu maanta noloshooda ku filan yahay waxa ay ku jirto in ay ka baxdo, oo carruurta iyo guriga u soo jeesato. Laakiin Amran hawsha uguma jirto oo keliya dan dhaqaale ee waxay noqotay dookheeda. Ma iyadaaba joogi karta haddii aan hareeraha qiiq kaga baxayn. Ma iyadaaba joogi karta haddii aanay jin iyo insi u garnaqayn oo waxa ay ka la qabaan u ka la qaadayn.

Wuxuu ugu hanjebay in uu guriga uga tegi doono, laakiin shidanaaba shidan. Marar badan ayay isku qayliyeen, laakiin Amran meel ay ka soo noqoto ma joogto. Jimankii ay dadka ka cuudisay oo dhami iyada ayay hooy ka dhigteen. Waxa ay dadka ka daweynayso waxaaba ka badan inta ay iyadu isku dawaynayso. Kaliil waa siddeed jir, Idil waa lix jir, Ubax waa shan jir, haddana Amran uur ma leh. Sababta ay ilmo afraad u dhali wayday wuxuu ku maleeyay in ay tahay jimanka ay dhex gashay. Iyadana markii uu sidaas wax ugu sheegay qosol yar ayay jac ka siisay, dan kalena ka ma ay gelin.

Negeeye qudhiisa ka maqnaanta badan ee guriga iyo dhaqaalaha u kordhay waxay u horseedeen balwad cusub oo ah khamri. Markii uu Mudug yimid wuxuu ka mid ahaa saraakiishii halkaa joogtay dhawr aan khamriga cabbin, waqtiga firaaqadana marka ay kuwa kale miiska fuushan yihiin isagu wuu qayili jiray, haddii kale askarta ayuu turub la cayaari jiray. Dabadeed mar dambe ayuu dareemay in aanay habboonayn isaga oo sarkaal ah in uu askarta dhex fadhiyo. Wuxuu dareemay sidii nin weyn oo kurayo ku dhex jira. Wuxuu kale oo dareemay khamri cabbid la’aantu in ay waayo’aragnimo badan ka qadiso. Ugu yaraan wuxuu istusay golayaasha ay saraakiishu isugu yimaaddaan in ay waayo’aragnimo badan oo shaqadan ku saabsani ku dhaafto.

Fikraddaasi ma ay ahayn mid isaga ku kooban ee marar badan ayay saaxiibbadii sidaas wax ugu sheegeen. Dabadeed wuxuu u hormaday darka Gaalkacyo laga cabbo oo ahaa guri lagu magacaabo Seybeeriya, magacaas oo ay u la baxeen saraakiil lagu soo carbiyay gobolka Seybeeriya ee Midowga Soofiyati. Markaas ka dib Negeeye inta uu doono ayuu guriga Amran ka maqnaan jiray. Shaqada oo keliya ma aha ee xataa marka uu fasaxa yahay balwaddiisa qaadka iyo khamriga ah iyo haween kale ayuu kaga mashquulay.

Negeeye bilawgii, intii uu dabokawelwelka qabay ee gaajada xasuusnaa, wuxuu ku dadaalay in uu lacagtaa waalan ee wareerisay wax ka qabsado. Wuxuu talo ku gaadhay in uu Xamar guri ka iibsado. Sababtaas ayuu isaga oo kiish lacag ah sita Xamar ugu fasax qaatay.

Waxay ahayd markii koowaad, sidii uu dagaalka Itoobbiya uga soo noqday, ee ay reer abtigii reer Rooble isarkeen. Wuxuu la yaabay noloshii dhaqaale ee odayga oo aan haba yaraato ee wax horumar ah samayn. Waaba ay sii xumaatay. Isla gurigii kirada ahaa ayuu weli ku jiraa, sidii ayuuna fatuurad ah FIAT qoroqoro ah oo ay dawladdu lee dahay shaqada ugu aadaa. Sicirbararka cirka isku shareeray iyo mushaharadiisa ayaa sinaba isu dabooli waayay.

Toddobaatanaadkii xaaladdiisa nololeed waa ay iska ladnayd, maanta se wuxuu ka mid noqday dabaqadda bulshada ugu liidata. Berigii hore wuu xarragoon jiray, imika se dhawr shay oo duug ah ayuu isku bedbeddelaa. Haddii aanu qurbaha asxaab ku lahaan lahayn wuu bakhtiyi lahaa.

Qarad waa ay cuslaatay oo bukaan ayay noqotay, shaqadiina faraha ayay ka qaadday oo imika qolqolka ma dhaafto. Leyli maanta ma aha foodlaydii uu marka uu ku xanaaqo dhegta maroojin jiray, waxay noqotay qalanjo isku tumatay oo ay eegmadu ku nasanayso haddana ku waalanayso. Dugsigii u dhammaa oo waxay ku talo jirtaa in ay waxbarashada heer jaamacadeed sii wadato. Ha yeesho ee nolosha adkaatay ee qoyska ayay u adkaysan wayday, waxayna shaqo ka bilawday Caymiska Qaranka. Reerka ayay se weli la nooshahay. Raage isaga maalmahaas ayaa waxbarasho Ingiriiska loogu diray.

Negeeye markii uu Xamar tegay wuxuu ku degay Huteel Jabbuuti, galabtii xigtay ayuuna reer Rooble booqasho ugu tegay, waqtigaas oo ay qoysku guriga wada joogeen. Markii ay iswaraysteen Negeeye wuxuu sheegay in uu Xamar u yimid in uu guri iibsado. Laba arrimood ayaana isku mar maskaxda Rooble ku soo wada dhacay: gurigan uu ku jiro oo kii lahaa cisho dhoweyd u sheegay in uu iibinayo, iyo isaga oo intaa shaqaynayay sida uu ugu guulaysan waayay in uu yeesho guri uu ku noolaado. Laakiin ma ay ahayn markii koowaad ee uu sidaas u fekeray.

“Bal kan aannu ku jirro qudhiisa ka warran? Odayga lihi maalin dhexdaas ah wuxuu ii sheegay in uu iibinayo, una malayn maayo in uu weli iibiyay waayo wuu i la soo socodsiin lahaa”, ayuu Rooble Negeeye ugu xog warramay.

Negeeye dib ayuu uga fekeray xaaladda guriga iyo bal in uu u dhigmo kii uu ku soo talogalay.

“Wallaahi waa fikrad fiican. Oo tolow imisuu siinayaa? Ma cusba laakiin xaafad wanaagsan buu ku yaalle.”

“Ii ma uu sheegin qiimaha, xaafad aan inaga durugsanayn ayuu se deggan yahay oo waa aynu wayddiin.”

“Haddii uu iga iibiyo idinka ayaaba iska sii degganaan lahaaye.” “Degganaantayadu waxba ma aha ee bal horta adigu guri yeelo.” Fiidkii ayay Rooble iyo Negeeye booqasho ugu tageen odaygii guriga lahaa oo u sheegay in aanu weli iibin. Markii qiimaha cabbaar la isku jiidjiiday odaygii wuxuu oggolaaday in uu Negeeye guriga ka iibiyo, isaga oo, sida uu sheegay, aad u qaddarinaya Rooble oo sannadihii badnaa ee uu degganaa kirada si sharaf badan u bixin jiray isla markaasna daryeeli jiray.

Maalintii xigtay Negeeye wuxuu raadiyay saaxiibkii Diiriye oo aanay laba sano isarag. Qaad ayay qaateen oo qolkii Diiriye la tageen. Markii ay gogol dhigteen qaadkiina furteen, ee ay falaas shaah ah, weel biyo ah, cajalado dhawr ah iyo rikoodh dhexda dhigteen, ayay si wanaagsan isu waraysteen.

Diiriye saaxiibkii xiddig ayuu ku ogaa, maantana labada uu u la yimid iyo guriga uu iibsaday wuu rumaysan waayay. Wuxuu noqday labalafood, shaarubo weyn ayuu la baxay, waxaana ka muuqda haybad iyo kalsooni badan. Sinaba uguma ega agoonkii reer damalweyn.

Isagu markii uu muddo shaqadii baabuurta ku jiray, oo xataa dareewalnimo gaadhay, ayuu si buuxda ugu wareegay shaqo kale oo uu ka helay Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee degmada Hawlwadaag. Laakiin bishii hore ayuu ka soo baxay xabsi uu sannad iyo dheeraad soo liqay.

Negeeye in kasta oo aanay u suurtogelin saaxiibkii in uu xabsiga ku soo booqdo haddana intaa si buuxda ayuu u la socday. Maalintaas ayay se taa aad isaga waraysteen. Wuxuu sheegay in lagu eedeeyay musuqmaasuq, laakiin ay ahayd mu’aamarad ay ka dambeeyeen niman ay qabyaalad ku colloobeen oo meel ka la shaqayn jiray. Wuxuu ka cawday halgan uu muddo dheer soo waday in ay ka dhiciseeyeen, laakiin aanu ciil u qabin mar haddii qaar iyagii ka mid ahi maantaba xabsiga jiifaan, kuna eedaysan yihiin denbi kiisii ka sii xun oo ah mucaarad. Wuxuu sheegay in uu dhowaan bilaabi doono shaqo uu nin xigaal ah oo madax ahi u soo qalqaaliyay.

“Markii aan xabsiga ka soo baxay aniga oo cid iyo ciirsi la ayaan odayga xasuustay iskuna sii daayay. Meel xun ayuu iga qaatay; waa maalinta tolka loo aayo.”

“Madaxweynaha ayaa tol ka maarmi waayay. Waad og tahay tolkeen in aanu aniga abaal badan igu lahayn, sidaas oo ay tahay hiil iyo hoo ka ma hagrado. Maanta haddii ay tii Alle igu timaaddo cidda uu Kaliil u irkanayaa waa iyaga”, ayuu Negeeye ku raacay.

“Haa, waa iyaga cidda uu u irkanayaa.” “Waan ka xumahay waqtigaa xabsiga kaaga lumay iyo dhabarjebinta ay doofaarradaasi kugu dhufteen.”

“Waxba ma aha, jab ka daran baa la soo maray, rag iyo rafaad waa mataano. Iyagana waad arki iyaga oo kabaha ii masaxaya.”

“Waad taqaan sow ma aha?” “Sidee baad u hadlaysaa! Maxaan u aqoon waayay.” “Ma nin reer Jilbaweyni ah ayaad aqoon waayaysaa.” “Cagaweyne dheh. Waa Cagaweyne cadawgood laagu.” “Oo miyaad ka la jeceshahay.” “Haba ka yaabin, waa dameer iyo labadiisa daan. Waad maqashay waxa aynnu miyi ugu geysannay? Bakhtigooda ayaa laga tallaabsaday.”

“Waan maqlay, gunta guntu dhashay. Ilaahay waxaan ugu nidar galay miyi iyo magaalo toonna haddii ay nabad ku hoydaan”, ayuu yidhi Negeeye isaga oo dirayskii oo kursi ka soo horjeeda saaran labada xiddigood ku ilwaadsanaya. Waa laba xiddigood oo dhuxul ka kulul xijirna ka cas, laba xiniinyood ugama dhacaan.

“Odayga shaqada ii soo dhammeeyay shan iyaga ah ayuu maalin dhoweyd shaqada debedda uga tuuray, markaas ayay sida agoonta albaabka istubeen oo baryootan ku waasheen. Oo miyuu u naxayaa?” “Muxuu ugu naxayaa yayda yaydu dhashay, ma iyaga ayaa u nixi lahaa?”

Si wanaagsan ayay sheekadu isugu baxaysaa. Aad ayay ugu faraxsan yihiin in ay isla fahmayaan carruurnimadii, qabyaaladda iyo siyaasadda, arrimahaas oo aan dadka laba waliba isla fahmi karin. Waxay si isku aragti ah u falanqeeyeen siyaasadda dalka iyo doorka uu qabiilkoodu ku lee yahay ama aanu ku lahayn. Waxay isu tilmaameen shakhsi kasta oo ay isku qabiil yihiin oo maamulka ku jiraa waxa uu galo iyo waxa uu gudo.

Intii aanay mawjaddii u horreysay iswaraysiga ka gudbin ayay durba garaabadu dhexdooda qarisay. Qolku aad ayuu u kulul yahay, in kasta oo ay feedho qaawan yihiin dhidid baa ka qubanaya. Daaqadda keliya ee qolka oo xaafad qaylo badan ku sii jeedda markii ay fureen waa ay ku wareereen. Dhawr jeer ayuu Diiriye inta uu daaqadda qoorta ka riday dumar iyo carruur canaantay waxba se isma beddelin. Heeso qaraami ah ayaa u baxayay oo ay awal rabeen in ay sheekadooda aan xalaasha ahayn ku qariyaan, imika se buuqa debedda ayaa taa kaga filan.

“Saaxiibkaa Geeddi Baabbow iiga warran?” Negeeye ayaa wayddiiyay.

“Waxaa igu maqaalo ah in uu dhintay.” “Oo Alle ku dhaafi?” “Alle i dhaafi.” “Maxaa dilay?” “Kollay xashiishad iyo khamri. Maydkiisa ayaa Ceelgaab laga helay.”

“Haddaa Xamar adiga ayaa ka atoore ah.” “Sida aad Mudug atoore uga tahay. Waan kugu ammaanayaa horumarka aad samaysay.”

“Dadaal ayaa ina faran. Qudhaada waa lagu dhabarjabiyay, waan se hubaa cid kasta oo ku neceb in aad habaaska cabsiinaysid. Haddii kale adiga ayaa lagu cabsiinayaa.”

“Waa sidaas, habaaska ayaa la iscabsiinayaa. Dunidu se sidan ahaan mayso ee inta ay waalan tahay wax ka qabso”, ayuu Diiriye saaxiibkii ku la taliyay.

“Taladaa qudheeda ayaan adigana ku siinayaa.” Waxay isla soo qaadeen marka ay maanta sheekada ka dhergaan berri in ay tumasho tagaan. Diiriye in kasta oo uu dhowaan xabsi ka soo baxay mar haddii uu magaalada deggan yahay isaga ayay tahay in uu hawsha maamulo. Laakiin Negeeye saaxiibkii wuxuu u arkaa nin dumarka kuwa ugu liita bartay, wuxuuna ka baqayaa in uu meel saf loogu jiro oo daqiiqado la isu qabanayo geeyo, sidii berigii Xamar isugu horreysay.

“Diiriye, billaad sidaadii Buur Karoole iyo meel daran na fuushisaa?”

Diiriye wuu qoslay dabadeed ku kaftamay: “Marba sida aad u jabtid ayaa loo dhutiyaa ee markii aad liidatay meeshii aad ku soo nabad iyo caano maashay waxba ha caayin. Maanta se mar haddii aad lacag inoo haysid guri gobeed ayaa la inoo goglayaa.”

Negeeye markii uu Mudug iyo shaqdiisa ku soo noqday wuxuu dareemayay islaweyni badan, wuxuu isu arkay nin ku guulaystay horumar uu dad badan ku dhaafay. Saaxiibkii Diiriye iyo abtigii Rooble, oo labaduba magaalo iyo shaqo uga horreeyay, ayuu isku dhereriyay, wuuna isu bogay. Dabadeed niyad cusub ayuu shaqadiisa ku bilaabay.

Xagga guriga in uu ka dhutinayo ayuu istusay. Qoys adag iyo carruur badan in uu dhiso ayuu weligii ku talo jiray, taana Amran marar badan ayuu si dhab ah ugu sheegay, ha yeesho ee iyadu qoys adag iyo carruur badan toonna dan ka ma leh oo waa qof ay quruumo qaateen.

Xidhiidhka isaga iyo Amran ka dhexeeyaa wuu ka duwan yahay ka nin iyo naag soomaaliyeed oo isqaba ka dhexeeya, isaguna taa wuu qirsan yahay. Weligii wax ay diiddan tahay ku ma uu khasbin, maamulka iyo talada reerkana inta badan iyada ayaaba leh. Laakiin wuu og yahay taa sababteedu in aanay ahayn jacayl badan oo uu u qabo oo ugu nugul yahay, ama debecsanaan iyo dabeecad wanaag uu naag walba ku la dhaqmi lahaa. Isla markaa wuu og yahay in aanu ahayn nin jilicsan oo ay naagi hoggaanka u hayso. Berigii Damalweyn ee uu ahaa kuray ay gacanta ku hayso, iyo xataa markii ay qarsoodiga isugu bislaadeen, waxaa jiray laba arrimood oo uu had iyo jeer ku dadaali jiray in uu isu dheellitiro. Midi waa baahidii uu u qabay xannaano hooyo iyo qof ka weyn oo dusha ka ilaalisa, taas oo uu Amran ku qabay. Ta kalena waa naagnimadii uu isaga oo sidaas u yar isla iyada ka helay. Berigaa fog ilaa maanta ka ma uu xoroobin isu dheellitirka labadaa arrimood, ku mana guulaysan in uu u la dhaqmo sida uu run ahaantii jeclaan lahaa in uu naagtiisa u la dhaqmo, oo ay ugu yar tahay in uu sida uu doono u maamulo.

Qudheeda isu dheellitirka labadaa arrimood dareenkeeda ka ma maqna. Negeeye sow ma aha waxii xumaa ee ay isaga oo aan dad iyo dugaag toonna ahayn gosha gelin jirtay? Sow ma aha kii ay isaga oo hooyo ka dhigta sida nin loo noqdo bartay? Marka ay rag kale godolkeeda maalaan sow ma aha kii ay xigta u lisi jirtay? Sow ma aha kii habeenkii ugu horreeyay qaylada ku dhuftay ee ay naaska ku aamusiisay, ee laabta kaga dhareeriyay? Markaa miyuu maanta xaq u lee yahay in uu ku caasiyoobo oo doonisteeda tiisa ka sare mariyo? Taasi waxay ugu dhoweyd maalintii ay iyada oo kab lulaysa kabna laallaadinaysa oo ilmo sidata Baydhabo ugu timid. Berigaa haddii uu waraabe u tuuri waayay maanta waraabe iyo dawaco toonna u ma tuuri karo. Haddii aanay isaga u tuurin ayuuba nasiib lee yahay.

Maalintii uu Xamar ka soo noqday Amran iyo ubadkii ayuu toos u abbaaray. Maanta ayay ugu darrayd, wuxuu u soo galay iyadii iyo haween kale oo qaad hareeraha ka fadhiya qiiqa sigaarkuna ka la qariyay. Waa ay u soo kacday, qolkii carruurta ayayna wada galeen oo laba sariirood oo iska soo hor jeeda iyaga oo ku ka la fadhiya wada hadleen.

“Negeeye, anigu qaad ma cuno sigaarna ma cabbo ee quruumaha ayaa jecel oo aan uga maarmi waayay.”

“Naa miyaad falan tahay? Waa maxay horta quruumaha aad sheegtid ee sidii ay kuu wadeen maanta qaad iyo sigaar afka kuugu guray?”

“Adduun waxba ka ma ogid ee nin yahow iga aamus. Malaha waxa dunida nacab iyo nasteex ku uuman waxaad moodaysaa inta yar ee ay indhahaagu arkaan? Oo maxay indhahaagu arkaan ama arki karaan? Aadamiyow abaaldarane! Alloow maxaan waa beryay iyo gabbal dhacay naftaada qaaba qawsayn ka soo saaray! Haddii aad og tahay inta jeer ee aan wad kugu soo abbaaran iyo xabbad kugu soo xiimaysa ku hareer mariyay sidaas u ma aad hadasheen.”

“Naa aniga wad iyo xabbad toonna i ma aad hareer marin ee maanta ka dib waxan yaanan kugu arkin.”

“War adiguba qaad, sigaar iyo wax ka daranba waad cuntaa oo cabtaa ee cirka soo guji,” ayay u celisay.

Hadalkaasi markii uu afkeeda ka soo dhammaanayay Amran inta ay sidii ay sun cabtay indho caddaysay ayay sariirtii ay ku fadhiday jijircadka ugu dhacday. Dhidid inta ay durba wada qoyday ayay sidii qof maanta oo dhan soo ordaysay neefneefsi xoog leh bilawday. Calaacalaha ayay isku mar laabta ku wada dhufanaysaa haddana bawdyaha waaweyn ee sariirta ka soo raaraca. Cod dheer ayay ku calaacalaysaa ha yeesho ee ooyi mayso. Maya, hadalku iyada ma aha ee waa cid kale, cid iyada ku dhex jirta! Waxaa laga dhex lee yahay:

“Negeeye, na daa oo naga tag! Badahayaga ka ma dabbaalan kartid ee ha gelin! Annaga iyo Amran naga dhex bax! Waxa ay noo qabato noo ma qaban kartid ee ha nagu guban! Waanu ku nabad gelinnaa ee na nabad geli!”

Marka ay sidaa lee dahay sariirta ayay mar kale ku soo fadhidaa oo indho cadcad Negeeye toos ugu eegaysaa. Waa iyadii haddana ma aha. Yaabku waxa ka dhex hadlaya oo keliya ma aha ee xataa shucuurta wejigeedu waa qof qalaad oo Negeeye ku cusub.

Dumarkii ay qolka kale kaga soo kacday markii ay qaylada macallimaddooda maqleen gurmad degdeg ah ayay u soo galeen.

“Naa wadaadda cadarkeedii u la soo orda…” “Jaawina u soo shida…” “Garbasaartii guduudnaydna u keena…” “Iyo kuushii iyaduna guduudnayd…” “Negeeye, adigu naga bax…” “Haa, waad aragtaa wadaadda in lagu soo kordhay ee naga tag…” Negeeye isaga oo yaabban, dhan kale argaggaxsan, dhan kalena xanaaqsan ayuu iska tegay. Maalintii xigtay ayuu iyada oo caadi ah, sidiina qaad iyo qiiq ugu dhex jirta, ku soo noqday.

“Amran, sidan ku ma wada joogi karno.” “Haddii aynaan ku wada joogi karin yaa ku haysta?” “In aynu iska ka la tagno ayaa i la habboon?” “Wallaahi adiga ayay ku jirtaa.” “Waad iga furan tahay!” “Samadu furan ee saddexdaba halkaa ii dhig!”

“Saddex baad igaga furan tahay!” “Abshir! Abshir! Samaduna furan!” Maalintaas ka dib Negeeye marmar ayuu carruurta soo booqan jiray, iyaduna “abshir” iyo “samadu furan” ayay kaga dhabaysay oo gurigii waxay ka dhigtay meel samada u furan oo ay khalqiga muuqda iyo kuwa aan muuqani ku kulmaan.

4

Raage markii uu shan iyo toban jirsaday waxaa ku dhacay isbeddel kaga yaabiyay. Wejigii sidii gabadh yar oo dhaashatay nadiifta ahaan jiray waxaa ku daatay finan, meelo jidhka ka mid ah waxaa ka soo baxay timo, codku wuu cuslaaday, muruqyadu waa ay adkaadeen. Intaa waxaa u dheer marka uu kubbadda ka yimaaddo shurufka aan laga garan orgi naq u da’ay. Waagii beryaba koritaan hor leh iyo xaalad cusub ayuu la soo toosay, wuxuuna yeeshay dhererkii iyo muuqii Xirsi-Micilibaax.

Marka uu galabtii kubbadda ka yimaaddo ee qubaysto, haddii aanay jimce ahayn awal wuxuu u fadhiisan jiray akhris, laakiin wuxuu bilaabay in uu dib u cararo. Inta uu guriga joogo ma nefiso ee waxaa ku dhaca hiyikac iyo hilaw, inta uu wax akhriyayana ma deggana ee waxaa ku furan feker kale. Dugsiga qudhiisa inta uu xisadda ku jiro macallinku waxa uu sheegayaa inta badan waxay dhaafaan isaga oo wax kale ka fekeraya. Waxaa xiise aad u badan u yeeshay haweenka, wuxuu isarkay isaga oo mid walba ku talogal la’aan u sii eegaya, xubin kasta oo uu jidhkooda ka arkaana waxay ku noqotay dhimbiil wadnaha kaga dhegtay. Dumar ka waaweyn, oo qaarkood qudhiisa macallimiin u yihiin, ayuu ku fekeraa isaga oo dharka kor uga laabaya inna hoos uga jiidaya dabadeed wax Alle og yahay la samaynaya. Isbeddelkaa filanwaaga ahi wuxuu ku abuuray farxad iyo xanuun mataano ah oo uu ka la saari kari waayay.

Wuu illaawi kari la yahay habeen ay kurayo khayr darani geeyeen aqal Waaberi ku yaallay naag dhali karaysay oo uu lacag siiyay. Wuu illaawi la yahay qol ay wada galeen sidii ay hoosta uga xidhatay iyo jidhkii weynaa ee ay qaawisay. Wuu illaawi la yahay sidii ay isaga oo weli taagan hortiisa sariir isugu legedday iyo sidii ay dabadeed wax u dhaceen.

Gabadh ay isku dugsi yihiin isagana fasal ka hoosaysa, oo uu macallinka xaafadda malcaamadda u hayaa dhalay, ayuu fiidadka qaarkood jardiino mugdi ah ku leexiyaa. Halkaas ayuu sidii bukaansocod dhakhtar u yimid ugu dan sheegtaa, mar kale sidii faqiir ilmo gaajaysani ka seexan waayeen u baryaa, mar kalena meelaha ay u nugushahay ka salaaxaa. Dabadeed marka ay ka la daadato ayuu wax aan gabadh macallin Qur’aan dhalay loo quudhin ku la kacaa.

In muddo ah markii sidaas la ahaa, oo baashaal baqdin leh la isku qabay, ayay kurayo khayrdarani arrinta wadwadeen ilaa la wada ogaaday. Dabadeed yartii ul ayay waalidkeed ka la daaleen dugsigiina ka joojiyeen. Raage guuldarrada miskiinadda ku dhacday in uu isagu u sabab yahay ayuu dareemay. Waxaa kaga sii daran sida uu macallinka Qur’aanka wejiga u siin kari la yahay, taas oo ku khasabtay in uu malcaamadda ka tago. Intaaba waxaa kaga sii daran cabsida uu ka qabo in ay inkaarta wadaadku ku dhacdo. Isaga oo sidaas u baqaya ayay mar duumo ba’ani dhulka u tuurtay, wuxuuna mooday inkaartii uu filayay.

Waxaa iyo wax la mid ah, oo isugu jira in uu ficil ahaan u sameeyay iyo in uu ku fekeray ama ku riyooday, dhammaan wuxuu ku qabaa welwel iyo baqdin joogto ah, isaga oo ka la garan la in ay xaaraan iyo xumaan wada yihiin iyo in kale. Kollay wuu hubaa naagtii baas ee reer waaberi iyo yartii macallinku dhalay haddii aanu ka toobad keenin in lagu cadaabayo.

Isaga oo sidaas denbi u dareemaya ayuu maalin masjidka tegay. Markii uu saaladda makhrib jamaca la tukaday wuxuu la fadhiistay oo dhegeystay kitaab uu sheekh caan ahi marinayay dad tiro badanina ku taxnaayeen. Wacdi uu meelahaas ka maqlo mooyee waa markii koowaad ee uu barashada diinta u jilib dhigay. Maalmo ka dib maskaxdiisa oo dhan waxaa mashquuliyay aakhiro, cadaabta iyo jannada. Wuxuu aad ugu farxay una hiloobay naxariista Eebbe iyo liibaanta jannada, isla markaas wuxuu ka argaggaxay ciqaabta daran ee taa dhinac taal, dabadeed cabsi badan ayaa gashay. Waxyaalaha uu Eebbe dadka ku cadaabaa waa isla waxyaalaha uu qudhiisani maalin walba sameeyo sida waxii uu la sameeyay Ina Macallin, iyo xataa gabadh aadan qabin daawashadeeda.

Masjidka wuxuu ku bartay barbaar xer ah kuwaas oo ay noloshooda oo dhami ku wareegayso diinta iyo barashadeeda, habeen iyo maalinna masjidka yuurura. Inta uu la joogo ka ma maqlo wax aan ahayn diinta, waxayna joogto uga wada hadlaan waxa qofka u bannaan iyo waxa ka reebban, siirada iyo mucjisooyinkii Nebiga, jannada iyo cadaabta, iyo asxaabtii. In kasta oo aanay lahayn cilmi diinta ka baxsan, oo aanay sidoodaba dugsiyo dhigan, haddana wax kasta oo dunida ka dhaca waxaa ay ka bixiyaan fasiraad ay hubaan. Haddii uu cudur dillaaco ama ay abaari dhacdo, haddii uu daad fatahmo ama ay duufaani kacdo, haddii uu dhulgariir dal ku dhufto ama ay fulkaani qaraxdo, inta aan khabiirka taa ku takhasusay jawaab haleelin ayay iyagu ku sheegaan ciqaab Rabbi, ciddii wax kale ku fasirtana waxaa ay ku tilmaamaan jaahil xaqa laga daboolay. Waxay isku raacsan yihiin musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga ahayn ee dunida ku soo batay in ay muujinayso qiyaamihii oo soo dhowaaday. Markaas ayay sii baqaan oo kitaabbada ku sii dhegaan masjidkana ku sii raagaan.

Xertaasi mar haddii ay jacaylka Ilaahay u ban baxeen Raage wuxuu u arkay dad suubban, sidaas darteed, in kasta oo aanu ka mid noqon, wuxuu la yeeshay xidhiidh dhow. Aad ayuu ugu qaddariyay sida ay xujooyinka adadag ee nolosha jawaabo waafi ah ugu hayaan. Taas waxaa uu kaga raystay Rooble oo dunida ku eega indho shaki iyo wiswis ah. Waqti gaaban ayuu wayddiimo badan u helay jawaabo siiyay degganaan nafsadeed. Laakiin ma ay ahayn marxalad cimri dheer oo wax waliba dib ayay isu cuneen.

Waxaa ay ka bilaabatay galab galbaha ka mid ah, goor salaadda casar iyo ta makhrib u dhexaysa, isaga oo koox xerta ka mid ah masjidka hortiisa la fadhiya, ayaa waxaa soo hor maray oday da ah oo bakoorad ku tukubaya.

“Gaalkii maantana waa kan”, ayuu yidhi mid xerta ka mid ahaa. “Shalayna waxaan arkay isaga oo kiniisadda sii gelaya. Maalin keliya ka ma baaqdo”, ayuu mid kale yidhi.

“Bal muu iska muslimo?” “Awal muxuu u gaaloobay?” “Malaha waaba uu ku dhashay?” “Xataa haddii uu ku dhashay imikaba xaqa wuu arkaa ee muu raaco?”

“Malaha wuuba isla qumman yahay?” “Isla ma qummana ee waa ka kibir iyo isyeelyeel.” “Wallee maantana waan la hadlayaa.” “Hanuunka Ilaah baa haya ee kan ha isku daalin.” “Wallee waan la hadli, ha hanuuno ama yuu hanuunin.” Isla markaas ayuu kii hadalka bilaabay odaygii oo sii dhaafaya ka daba kacay, kuwii kale oo Raage ku jiraana waa ay raaceen. Markiiba wacdi ayuu odaygii u bilaabay, odaygu se xerta hore ayuu ugu daalay, sidaas darteed isaga oo aan socodka joojin ayuu hadalka ka boobay oo ku waaniyay:

“Waa ay fiican tahay in aad diinta barataan, laakiin ma aha in aad noloshiinna dayacdaan. Dhallinyaro ayaad tihiin ee waa in aad fadhiga ka kacdaan oo shaqaysataan. Haddii aad meel uun yuururtaan yaa wax idin siinaya?”

“Ilaahay baa wax na siinaya, laakiin adigu…” “Aniguba waan rumaysan ahay in uu Eebbe dadka risiqo, laakiin ficil iyo dadaal baa loo baahan yahay.”

“Waxaan rabaa in aan kaala hadlo…” “Haddii aynu afrikaan nahay waxaa dib inoo dhigtay caajisnimo ee meesha ka kaca.”

Marka uu xerowgu hadal damcaba wuu ka boobay oo waano waayeel u quruuruxiyay, intaasna socodka ayuu sii wadaa si uu nimankan weerarka ah uga dhex baxo. Taana wuu ku guulaystay oo xertii waxay isarkeen isaga oo aqalkiisii ku la sii dhow. Maalintaana iyaga oo habaaraya oo ku sheegaya cadow naarta ku waari doona ayay quus ka la noqdeen.

Odaygu wuxuu ku hadlayay af soomaali ganna ganna ah. Intii hore oo dhan Raage ma uu fahamsanayn sababta gaal loogu sheegay, dib ayuu se ka ogaaday in uu yahay amxaar kiristaan ah oo ka soo jeeda xigtadii Xayle Salaase dalkana magan ku jooga. Amxaarku Raage mar wuxuu ugu muuqday aabbe hagaagsan oo wiilashiisa horumar la jecel, mar kalena wuxuu ka xumaaday in uu yahay “cadow naarta ku waari doona”. In uu maalin walba kiniisad tago sida loogu yasayo wuxuu dhinac dhigay odayda da’daas ah ee maalin walba masjidka taga sida loo sharfo. Fikrado badan ayay arrintaasi ku dhalisay, waxaana ugu adkayd in uu ku qanco amxaarka in ay ka tahay “kibir iyo isyeelyeel”. Muxuu galabsaday haddii uu diin uu ku dhashay daacad u yahay? Haddii uu muslimo sow naftiisa iyo dadkiisaba u la ma mid noqdeen oday muslin ah oo kiristaanoobay?

Maalin ayuu sheekha dadka kutubta u mariya wayddiiyay: “Sheekh, Ilaahay dadka miyuu jecel yahay mise wuu neceb yahay?”

Wayddiintu wadaadka waxay gelisay dhiillo, waayo ma ay ahayn wax uu maqli jiray.

“Ilaahay dadka wanaagsan wuu jecel yahay kuwa xunna wuu neceb yahay”, ayuu ugu jawaabay.

“Laakiin maxay dadka qaar u wanaagsan yihiin qaarna u xun yihiin?” ayuu yarku sii wayddiiyay.

“Kuwa wanaagsani waxay sameeyaan wanaag, kuwa xumina xumaan.”

“Oo maxay qaar wanaag u sameeyaan qaarna xumaan?” “Sababta oo ah qaar waa ay wanaagsan yihiin qaarna waa ay xun yihiin.”

Intaasi yarka waxba ma ay tarin ee waxay u la egayd halxidhaale. Isla wayddiintii hore ee ahayd: maxay dadka qaar u xun yihiin qaarna u wanaagsan yihiin ayaa isku soo rogtay. Wuxuu damcay in uu wayddiiyo sababta uu Ilaahay amxaarka gaal xun uga dhigay isagana muslin fiican, laakiin ku la ma dhiirran, wuu iska aamusay. Wadaadkii oo arkay in yarka jahowareer ku dhacay ayaa u naxariistay oo ku yidhi:

Rufical-qalam wajafat as-suxuf – qalinkii waa la qaaday warqadihiina waa ay engegeen. Qof walba qaddarkiisu qoorta ayuu ugu jiraa. Wayddiinta badanna waa lagu halaagmaa ee iska daa.”

Qofka aqoontu waxaa ay u jirtaa inta ay wax iswayddiintu u jirto, ayaa ahayd talo uu marar badan helay. Sidee ayay markaa u noqon kartaa wax lagu halligmo? Wadaadku xaggee ayuu wax ka eegayaa? Taas ayuu Rooble wayddiiyay markii uu jawaabta wadaadka ku qanci waayay. “Waxaa jira wayddiimo aanay dadku jawaabo waafi ah u hayn ee bal adiguna iswayddii”, ayuu Rooble naf uga dhigay. Markii uu qisadii amxaarka iyo xerta u sheegayna wuxuu yidhi: “Isku dhan ayaa wax loo wadaa, in la isla yaabana ma aha.”

Xaaladdaasi naftiisa iyo fekerkiisa yar oo dhan waxaa ay ku ridday fawdo, waxa ay se u sababi doontaa akhris jacayl iyo wax iswayddiin badan. Waqti ka dib wuxuu ogaan doonaa mas’alada qaddarku in ay tahay qodobka ugu xasaasisan falsafadda islaamka iyo labada diimood ee kale ee samada ka soo degay. Wuxuu ogaan doonaa doodda qaddarku in ay ahayd tii ugu ba’nayd ee filosoofiyiinta muslinka ka la qaybisay. Wuxuu kale oo ogaan doonaa markii murankeedu batay, jawaab lagu wada qancana loo waayay, in laga wada gaabsaday. Ugu dambayn wuxuu ogaan doonaa in ay tahay mas’alo ay wadaaddadu cuqdad ka qabaan aadna u neceb yihiin in la wayddiiyo.

Isbeddelka feker iyo dhaqan ee Raage ku dhacay adeerkii ma mooga. In kasta oo uu fahmo badan yahay, duruustana ka adag yahay, haddana in aanu sidii hore u dadaalin wuu og yahay. Inta uu guriga joogo waxaa ka badan inta uu debedda ku maqan yahay ee koox filkiis ah meelahaa la wareegayo. Caado ahaan sagaalka haddii la gaadho qoysku guriga ayay wada joogi jireen, tobankana qof waliba sariirta ayuu tegi jiray, laakiin beryahan Raage marka uu doono saqdhexe ayuu albaabka soo garaacaa. Markii uu Rooble taas uga digayna Leyla ayuu iska laaluushaa oo daaqadda ku soo garaacaa. Xeeladdaa qudheeda odaygu wuu la socdaa.

In kasta oo aanu weli ku arag haddana Rooble wuxuu Raage uga shakiyay in uu sigaarka cabbo. Maalin isaga oo aan ogayn waxaa ka dhacday xabbad sigaar ah, Qarad ayaana aragtay oo Rooble u gudbisay. Habeenkii xigay odayga oo fadhiga ku sugaya ayuu Raage saqdhexe yimid.

“Halkan soo fadhiiso. Bal saacadda aad xidhan tahay fiiri.” Raage saacadda ayuu eegay ma uu se hadlin. ”Ma sidaas ayaad arday ku tahay? Xaggee baad waqtigan ka timid?”

“Jardiinada ayaanu ku sheekaysanaynay.” “Oo jardiinada maxaa idin dhigay? Haddii aad waqtigaa jardiino ku soo gaadheen idinka iyo debedyaalku maxaad ku ka la duwan tihiin?” Ma uu jawaabin ee findoob ayuu iska tuujiyay. “Sigaarka waad cabtaa, sow ma aha?… In aad been ii sheegtana ha isku dayin?” Aamus kale ayuu miciinsaday. “Cab ama ha cabbin, waxaad se xumaantiisa arki maalinta aad cudur mooyee wax kale ka waydid.”

Raage sigaarka marmar ayuu cabbaa. Qaar asxaabtiisa ka mid ah ayaa dhawr jeer ku ag shitay oo korkiisa isaga dhiibdhiibay, markii ay marba dhan u dhaafiyeen wuxuu dareemay in uu ka liito, si uu ugu dherersado ayuuna xabbaddii ugu horreysay shitay.

“Geelii aabbahaa ee aad sidii qurbac xun daba socon jirtay waxaan kaaga soo reebay in aad hesho nolol kuu dhaanta, mana heli kartid haddii aadan wax u baran, waxna u ma baran kartid inta aad saqdhexe jardiino sigaar la fadhidid. Ka la dooro laba waddo: in aad geelii ku noqotid iyo in aad wax baratid.”

“Wax baan baranayaa.” “Haddaba akhriskii badnaa soo celi, gurigana ma oggoli in aad waqti aan habboonayn ka maqnaatid. Haddii ay balwad noqotana, marka aad lacag tacbatid waxa aad doontid ka yeel, laakiin tayda iyo mid cid kale toonna xaq u ma lihid in aad gubtid.”

“Waa yahay.” “Asxaabtaada gurigooda u raac ama iyagu ha kuu soo raaceen, caawa ka dibna yaanan kaa maqlin ‘waxaanu fadhinay jardiinada’.”

“Waa yahay.” In kasta oo markii uu shan iyo toban jirsaday ay marxaladda cimri iyo xaaladda nololeed ee uu galay ay xiise iyo xanuunba badnaayeen, haddana qunyar qunyar ayay fulkaantii ku dillaacday uga degtay ama isagu u la qabsaday. Waxbarashada ayuuna mar kale awoodda ugu badan saaray.

Leyla qudheeda beryahaas waxaa ku kacday fulkaano ta Raage la mid ah. Dhererka iyo madowga badan qoyska ayay ka hiddaystay, naaso hodan ah iyo sino waaweyn ayay yeelatay, iyo ammuuro kale. Isbeddelka jidhka waxaa kaga daran ka nafteeda gilgilay. Raggii aanay dad iyo duunyo u ka la aqoon waxay bilawday kii ay aragtaba in ay kor iyo hoos, muuq iyo maan, mitiriso. Nolosheeda waxaa ugu xiise badan la joogista wiilasha, siiba kuwa iyada ka waaweyn, iyo sidaas oo kale in ay gabdhaha da’deeda ah ka la sheekaysato hebel iyo hebel ay isla yaqaannaan. Qolkeedii maalintaa ka dib qol carruureed ma uu ahayn. Waxyaalaha la isku qurxiyo oo labaatan jaad ah ayaa u yaal, marka ay baxaysana saacad dhan ayay muraayadda hor fadhidaa. Derbiyada waxaa ugu dhegsan arbayaal ay ku baratay kuna jeclaatay filimada hindiga. Habeen walba waxay ku riyootay doob muruqyo weyn oo laabta ku qaatay oo samada u la duulay.

Rooble iyo Qarad inta ay Raage ka welwelaan in ka badan ayay Leyla ka welwelaan. Sababtaas ayay ugu sheegeen in ay wiilasha ay la sheekaysato guriga keento ama kooda u raacdo. Sidaas ayay iyaduna yeeshay. Taasi qoyska iyo deriska aan awalba isu laab fayoobayn ayay dab ka sii dhex hurisay, waxaana loo arkay reer ba’ay oo hoogay. Maalintaa ka hor la ma arag gabadh waalidkeed hortooda wiilal sheyddaan ku la qooqda. Laakiin Rooble sidii caadada u ahayd waxaas oo xan iyo hadalxumo ah wuu iska dhego maray.

Raage isagu wuxuu waagii beryaba waddada dugsiga sii hayo, habeen iyo dharaar akhris ku foororo, oo uu sida sallaanka sannadba sannad uga tallaabsado, ugu dambayn shahaadadii dugsiga sare gacanta ayuu ku dhigay. Dhab ahaantii aqoonta uu muddadaas urursaday ee shakhsiyaddiisii reer miyiga ahayd xididdada u bixisay may ahayn ta iskuulka oo keliya, ee waxaa dheeraa jacayl uu u qabay in uu wax walba akhriyo, taas oo ahayd dabeecad uu malaha ka qaaday Rooble oo uu qaddarin xad dhaaf ah u hayay.

Akhris jacaylku waa sifada ugu wanaagsan ee uu Rooble la jeclaan lahaa qof uu gacanta ku hayo, taa awgeed dabeecadda Raage waxay ku abuurtay niyadsami iyo dareen ah in dadaalkiisii midho dhalay. In kasta oo aanu ammaani jirin, malaha hadal yaraan darteed, haddana Raage wuu ogaa adeerkii in uu jecel yahay. Taa wuxuu ku ogaaday siyaalo badan oo ay ka mid yihiin isaga oo aan weligii marna gacan u qaadin ama si qallafsan u canaanan, iyo isaga oo u la hadli jiray sidii qof weyn.

Rooble waa nin dhibaataysan oo asxaabtiisa tirada yari waxa uu isagu xiiseeyo ee doodaha fekerka iyo aqoonta ah la ma xiiseeyaan. Mid waliba in uu shaqadiisa uun ka adkaado ayaa dadaalkiisu ku dhan yahay, wax akhrisna malaha xilligii waxbarashada ayaa ugu dambaysay. Wax uu isagu ku kordhiyo mooyee iyagu wax badan ku ma kordhiyaan ama ku ma kordhin karaan. Marba aragti uu isagu beri hore ku dhaliyay ayay wax cusub uga dhigaan oo inta ay soo calcalaaliyaan iyada oo aan dux iyo dacmad lagu ogayn dib ugu soo celiyaan. Nacdali kortaygu maxay barteen maxay se akhriyaan?! ayuu ku hiifaa.

Sababtaas ayuu Raage wehel aqooneed uga dhigtay, oo marka uu arko isaga oo buug akhriyaya wuxuu badanaa ku yidhaahdaa: “Marka aad dhammaysid ii sheeg.” Ka dib wax ka wayddiiyaa fikrado buugga ku saabsan oo uu la dhacay ama la yaabay ama xataa fahmi waayay bal sida uu ka yari u arko.

Waa ay ka la duwan tahay waxa la khriyo in keli ahaan loo liqo iyo in dad kale lala wadaago. Mar kasta oo wax la wada falanqeeyo waxaa laga soo tuujiyaa miid dheeraad ah iyo macne maanka ku raaga. Doodaha qoraallada ku saabsan ee uu Raage adeerkii ka helay garaadkiisa dheef badan ayay siiyeen, waxayna u noqdeen fursad uu waxyaalaha uu akhriyo xaglo ka la duwan kaga eego, qunyar qunyar ayuuna u helay bislaansho maskaxeed oo da’diisa ka weyn.

Habeen ka mid ah berigii uu dugsiga dhammeeyay, goor caways ah oo uu magaalada ka soo noqday, ayuu la kulmay Rooble oo daaradda ku neecawsanaya. Wuu la fadhiistay cabbaarna sheekaysteen.

“Weli ma waxaad ku talo jirtaa in aad duuliye noqotid?” ayuu wayddiiyay.

Waxaa la isla xasuusan yahay intii uu yaraa oo dhan in uu sheegi jiray duuliye in uu noqon doono, sidii ay aabbihii ku soo ka la tageen, waxa ay se ka baxday goor aanu ogayn.

“Maya adeer, waxaan xiisaynayaa in aan bare noqdo.” “Bare?” Raage oo mooday odaygu fikradda in uu ka naxay, hadal habboonna raadinya, ayuu Rooble raaciyay: “Waa xirfad sharaf leh. Waxa uu qofku xiisaynayo ayaa muhiim ah. Ma jirto wax ka weyn oo aan ku faani lahaa in aan arko adiga iyo Leyla oo jaamacad ka baxay oo shaqaysanaya.”

Habeenkaa wuxuu siiyay talooyin badan oo dardaaran u eg, kuwaas oo da’dii u korodhaba Raage qiimo badan u sii yeeshay.

“Aqoon aad akhriday iyo mid aad dhaxashay toonna yaanay ku hodin, hana u arkin wax sugan iyo xaqiiqo laga ma gudbaan ah. Wax walba caqliga ku miisaan, meelo ka la duwan ka eeg, wax lid ku ahna ku eeg. Run iyo been, sax iyo qalad, midna wax ahi ma jiraan inta aan caqligaagu go’aan ka gaadhin. Ma jirto awood caqliga ka sarraysa oo wax lagu saxo ama lagu qaldaa. Qofka waxa loo sheegay, uu akhriyay ama dhaxlay sidooda ku qaata, isaga oo aan garashadiisa la kaashan, ee mooda cidda wax u sheegtay in ay xaqiiqada uga xogogaalsan tahay, waa qof aan garaadkiisa ku kalsoonayn oo addoon u ah aragti kale ama dhaqan soojireen ah.

Isku day had iyo jeer in aad wax walba dhinaca lagaa tusay ama aad ka taqaan mooyee dhinacyo kale ka eegtid, una oggolow caqligaagu in uu fekero karaankiisa. Ogow haddii aad fekerkaaga xayirtid, adiga oo xeerinaya aragti hore, waad iska hiilisay waxaanad u jabtay mugdiga iyo khuraafaadka. Ha noqon fulay socdaalka nolosha dadka kale iska dabagala waxa ay la kulmaanna la kulma, ee ku dhiirro waddo cusub taas oo aad guul aan lagaaga horrayn uga dhacdid.

Waxaa ka la jira jahli toos ah iyo mid dadban, sida ay u ka la jiraan aqoon toos ah iyo mid dadbani. Mana jirto dhibaato ka weyn ta uu sababo qofka qaba jahliga dadbani. Waxaad arkaysaa qof la sheegayo in uu wax bartay oo haddana ku dhex ambaday dhaqan soojireen ah oo aan la hufin iyo habfeker ku dhisan mala’awaal, kutiri kuteen iyo sheeko xariiradii madaxkuti, kaas oo dhex rooraya ceeryaamo yoolka araggiisa soo dhoweysay. Sow markaa gartii ma aha in uu xanuunka ay nacayb reer iyo caadifad qabiil ku abuureen dartood sidii uu leeb sheyddaan sambabka kaga taagan yahay cabaado, oo sidii uu dhunkaal cunay labada qawlal ka xumbeeyo? Sow gartii ma aha tabartiisa maskaxeed iyo guud ahaan tayadiisa dadnimo oo dhan in uu hoog iyo wax aad u hooseeya ugu adeego? Mar haddii uu araggiisa himbiriirsiga ah iyo garaadkiisa naaquska ah dartood ku guuldarraystay in uu xaqiiqadu sida ay tahay u arko, faham hagaagsanna ka la baxo, sow gartii ma aha in uu talo awoow dib ugu noqdo oo tol uu dhogor yaqaan dhexda ka raaco?”

Odaygu cabbaar ayuu sidii kelitalis u dhurmay. Taladan uu daldalayo intee ayuu isagu kaga dhaqmaa? ayuu yarku niyadda iska wayddiiyay. Wuxuu ku sii daray:

“U feejignow dhacdooyinka iyo giraanta wareegaysa ee dunida, mid dhow iyo mid dheerba, wax walbana asalkooda iyo sababtooda raadi, taas ayaa ah wacyiga aad maqashid. Wacyigu waa ilays xoog leh oo sida hillaaca maskaxda ugu dhaca, oo degdeg kuugu ifiya walxaha iyo dhacdooyinka xaqiiqadooda. Weligaa qof ha ku nicin aragtidiisa u gaarka ah, hana kaga hamran aragtidaada kuu gaarka ah.” Gugii iyo aqoontii u kordhaba Raage waxay sii dareensiiyeen abaalka aan xadka lahayn ee ay reer adeerkii ku leh yihiin. Tacliinta oo keliya ma aha ee wuxuu hubaa in ay qofnimadiisa oo dhan dhiseen. Wuxuu ka soo qaadaa haddii uu weli miyiga joogi lahaa, wuxuuna qiraa taas in aanay aqoon keli ahi ku seegteen ee hab fekerkiisa iyo shakhsiyaddiisa oo dhami si kale ahaan lahaayeen. Shaki la’aan waxaad noqon lahayd qof qallafsan oo arxan daran oo dagaal u joog ah, sida ay geeljirku wada yihiin, ayuu ku fekeray.

Mar kasta oo uu ka fekero dadka qaba akhris- iyo qoris la’aanta wuxuu xasuustaa maalin uu carruur ahaa, intii uu miyiga joogay, warqad duug ah oo wargeys ka dillaacday oo uu gacanta ku qabtay. Waxay ku qornayd far laatiini uu markaa u yaqaannay ”farta gaalada”, halka uu carabida u yaqaannay ”farta Qur’aanka”. Wuxuu iska yeelyeelay in uu wax warqadda ku qoran akhriyo, isaga oo khayaaligiisa yar la kaashanaya ayuuna xaraf walba ugu magac daray waxa uu u eg yahay waxyaalihii uu markaas yaqaannay. Tusaale ahaan xarafka O wuxuu u bixiyay goobo, xarafka J guugguule, xarafka X maqas, xarafka S mas, xarafka T dubbe…

Dabadeed wuxuu ka la baxay macne dhalanteed ah oo uu isku qanciyay in uu sax noqon karo.

Wax akhrisku wuxuu ahaa duni ka oodan, maantana waa qaybta ugu muhiimsan noloshiisa. Farxadda ay taasi ku abuurtay ma jirto wax kale oo uu u dhigi karaa.

Jahliga iyo faqrigu waa laba cadow oo qofka qaba u nugleeya cadawyada kale oo dhan. Ma jiro halgan ka mudan in labadaa lala dagaallamo, mana jiro wanaag qof loo galo oo ka weyn in labadaa looga hiiliyo. Sababtaas ayuu Raage adeerkii abaal ugu hayaa.

Sannadkaa uu dugsiga sare dhammeeyay ayuu mar kale reerkoodii miyiga fasax ugu tegay. Aqoontiisa, fekerkiisa iyo ujeeddadiisa fasaxani kuwii hore oo dhan waa ay ku duwanaayeen. Waxay ahayd marxalad uu la yaabbanaa qiimaha tacliinta, isla markaana qirsanaa guuldarrada aqoondarrada. Hore miyiga waxaa geyn jiray hilaw uu dhulkaa iyo dadkaa u qabo, laakiin sannadkaa intaas uun ma ahayn ee wuxuu lahaa barnaamij uu sii qorsheeyay. Wuxuu sii qaatay sabuurad yar, xabbado tabaashiir ah, warqado cadcad iyo xantoobo qalimo ah.

Gole ardaa ah ayuu fiid oog ka shiday, sabuuraddiina laan ka deldelay, beeshana u sheegay qof kasta oo doonaya in uu far soomaalida bari doono. Dabadeed waxaa ku soo qulqushay dhallinyaro inammo iyo hablaba isugu jirta. Waa gu, sidaas darteed dhallintaasi awalba waxay isugu soo bixi jireen caways ciyaareed. Dhanka kalena waxay xiisaynayeen wax qorista.

Hawshaas uu bilaabay julaay dhexdeeda dhammaadkii bisha ogos waxaa u diiwaan gashanaa 103 qof oo ka aflaxay farbarashadaa. Wuxuu u ahaa fasaxiisii ugu qiimaha badnaa, wuxuuna Xamar ku la soo noqday farxad aan qiyaas lahayn.

***

Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa qaabbilsan waxbarshada debedda, iyada ayuuna Raage intii aanu miyiga u socdaalin ka sii codsaday waxbarasho debedda ah. Tacliinta ummadaha horumaray waa ay ka tayo fiican tahay ta dalka. Markii uu Xamar yimid wuxuu la kulmay war farxad leh, wuxuu ka mid noqday saddex arday oo Ingiriiska loo diray.

Arday badan oo sida Raage dhibco wanaagsan dugsiga kaga baxday ayaa waxbarashada debedda iyo ta gudaha labadaba wayday, waayo berigaa waxaa jiray qaraabokiil naxdin leh, laakiin isaga arjigiisii waxaa ka dabo hadhi waayay Rooble.

Odayga iyo dadka labada wasaaradood ee waxbarashada qaabbilsan ka shaqeeya, siiba inta madaxda ah, waa ay iswada yaqaannaan, laakiin dhab ahaantii saaxiibbo badan ku ma leh. Badankooda waxay ku colloobeen musuqmaasuqa jira oo ay ku ka la aragti duwan yihiin. Wuxuu la mid yahay kii ku maahmaahay “Tolkay sidii aan midba maalin u nacayay ayaan wada nacay”. Laakiin ninka waxbarashada debedda qaabbilsan isku ma xuma, isaga ayuu inta uu xafiiska ugu tegay ku yidhi:

“Ninkani cidna waxtar ugama baahna ee waxa uu xaq u lee yahay uun ha helo.”

Kii kale sidaas wax u ma garawsan ee isaga oo doonaya in uu Rooble u abaal sheegto ayuu yidhi:

“Rooble, sannadkan haddii aan arday keliya debedda u dirayo waxaan dirayaa wiilkaaga.”

Haddii aan arday keliya debedda u dirayo ku lahaa! Ma isaga ayaa Wasaaradda iska leh? Miyaan sharci iyo nadaam la raacayaa jirin? Sidaas ayuu odaygu ku fekeray isaga oo abaal sheegadka aan xaqa loogu lahayn ka xun. Dhanka kalena ma uu doonayn cadawga badan ee uu Wasaaradda ku lee yahay in uu sii badsado, sidaas darteed wuu uga mahad naqay.

Raage markii uu Ingiriiska tegay waxaa fajac ku noqday horumarka ay dadkaasi ka sameeyeen xagga cilmiga, farsamada iyo dhaqaalaha, iyo ka ay ka sameeyeen xagga ka la dambaynta. Waxay ahayd xaalad kaga daran tii uu carruurnimadii Xamar ka la kulmay. Isaga oo aan arag haddii looga sheekeeyo wuxuu moodi lahaa war dhalanteed ah.

Aad ayuu u la yaabay horumarka uu halkaa ku arkay, mar haddii uu arday ahaana wuxuu aad u la sii yaabay maktabadaha cajabta leh ee lagu ururiyay aqoontii aadamiga oo dhan, mid hore iyo mid dambeba. Wuxuu ku dayoobay xaddiga aqooneed ee ku dhaansan qoraallada encyclopedia oo uu weligii maqli jiray halkani se ugu horrayso. Ma dhici karto, ayuu ku fekeray, bulsho ku dhex nool aqoon intaa la’egi in ay fekerka iyo wax abuurka ka la sinnaato bulsho inteeda aan wax akhriyi karini ka badan tahay inteeda wax akhrida. Tacliinta uu isagu badaha uga soo tallaabay dadka halkan ku nool qof walba waxaa ku filan marka uu doono in uu maktabadda tago wax kasta oo uu xiisaynayana sidaas isu baro.

Isla markaa uu fajaca iyo yaabka la ka la batay ayuu feker kale ku soo dhacay. Horumarkan hortiisa ka muuqda wuxuu u arkay mid isaga cadow u ah. Qiimo kasta oo dadnimo oo uu horumarkaasi yeelan lahaa waxaa dilay markii dhul iyo dad gaar ah lagu koobay ee cid kasta oo dhulkaa iyo dadkaa debedda ka ah cadaw looga dhigay. Waxabuurka ay qolo samaysaa, si kasta oo uu u wanaagsan yahay, haddii loo adeegsado dibindaabyada dadka kale noqon maayo guul aadamiga u soo wada hoyatay, ee isla markiiba wuxuu isu rogayaa guuldarro. Waa horumarkii ay reer yurub dunida ku gumaysteen, ayuu ku fekeray.

Ashqaraarka uu xaddaaradaas ku qaabbilay ma uu waarin. Hore ayaa loo yidhi “Waxa aad jeclaanaysid aashaa jeclow nici doonteena mooyiye…” Wuxuu arkay fallaadho afka waabay ku wada leh oo dhan walba u liishaaman. Suryo walba dabin doqonimagaratay ah ayaa daadsan. Dagaalkii imbiriyaaligu maanta ayuuba u daran yahay. Xaalku wuxuu ahaa dib u gurasho xeel dagaal. Fagaarihii damaashaadka gobannimada ayay miino aasnayd wada qaraxday.

Garashada iyo aragtida cusub ee fekerkiisa ku dhacay ee uu xaaladdan ka qaatay, waxaa ka horreysay xaalad caaddifadeed oo u soo dedejisay una suurto gelisay in uu arrimaha si qoddo dheer ugu fiirsado, dabagal dheerna ku sameeyo. Waxaa ka mid ahayd goor fiid ah isaga oo jaamacadda ka soo baxay in uu qolkii uu degganaa ku soo noqday, ka lana kulmay arrin uu aad uga xumaaday markii damba se ogaaday in ay Yurub caadi ka tahay. Albaabka waxaa loogu sawiray daayeer, waxaana far waaweyn lagu qoray: “GO HOME NIGGER!

Ninka reer yurub ee Afrika jooga sidaas loo la ma dhaqmo, iyada oo weliba aano loo tirinayo. Waa arrin ku lug leh ka la adkaansho. Maalmahaa wuxuu xiisaynayay, una fiirsaday, sababaha keenay ka la adkaanta Afrika iyo Yurub, waxayna la noqotay in ay bilaabatay maalintii malaayiin barbaarta reer afrika ah la xaraashay. Weerarkii argaggaxa lahaa iyo bililiqadii nool iyo moodba lahayd ee ay reer yurub dunida kale ku qaadeen waxay si gaar ah ugu dhacday qaaradda laga soo askunmay… mayee waxaa jiray kuwo la dabarjaray.

Isaga oo badweynta aqoonta maktabadda marba dhan u muquuraya ayuu helay buug uu hore u maqlay. Afar cisho ka dib, goor galab ah isaga oo qolkiisa jooga, ayuu buuggii bogga ugu dambeeya rogay. Markii uu eraygii ugu dambeeyay akhriyay jiriirico xoog leh ayaa jidhkiisa oo dhan ku jabtay. Weligii ma uu akhriyin buug sidaas naftiisa u taabta. Neef xoog leh ayuu sambabada ku soo cidaaday. Cinwaankii buugga ee uu tobannaanka jeer arkay ayuu mar kale eegmada ku celiyay. Waddadii dheerayd ee hayaanka sheekada ayuu xasuusta dib u la raacay. Ayaandarro laba qarni soo taxnayd ayuu sida filimka u daawaday. Cinwaanka ayuu mar kale eegmada ku sii cadaadiyay Roots, the Saga of an American Family – ‘Xididdo, qisadii qoys maraykan ah.

Kunte Kinte, wiil islaweyn oo beel nabadeed oo barwaaqo taal ka dhashay, ee maalin shaydaan silsilad cad labadible ugu jabiyay, meel daaddaysna u taxaabay, iyo Alex Haley, qoraaga buugga, ayuu labadoodii sawir isku mar maskaxda ka helay. Laba qarni oo labadaa nin u dhexeeyay muggood, waxii guul iyo guuldarro ku jiray, dadka ay sheekadu maraysaa ayaan iyo ayaandarro waxii ay qaddarka marti uga ahaayeen, ayuu sidii tuduc gabay ah miiddii ka buuxday muudsaday oo liqay. Dadkii badnaa ee uu sheekada ku bartay ee ka la dhulka, ka la waqtiga iyo ka la duruufta ahaa, ayuu mid walba gooni u hor fadhiistay.

Wuxuu jeclaystay in uu nolol ku la kulmo, oo uu gacmahoodii ay hawsha addoonsiga naxariista darani gaatirta u yeeshay iyo dhabarkoodii madoobaa ee jeedalka cadi ku suntanaa taabto. Wuxuu jeclaan lahaa hooyooyinkii ubadkooda laga irdhay ee ooyayay in uu u hiiliyo. Wuxuu jeclaan lahaa in iyaga loo doorto in ay aayaha aadamiga mar gacanta ku qabtaan sida ay doonaanna ka yeelaan. Wuxuu jeclaan lahaa in la qirto marxaladdaasi in ay ahayd mid aan weli la soo gaadhin dadnimada. Wuxuu jeclaan lahaa taariikhdaasi in ay been tahay oo aanay weligeed dhicin. Wuxuu la yaabay awoodda aan caadiga ahayn ee ay dadka qaar u leh yihiin ka gudubka duruufaha u eg kuwo aan sinaba looga gudbi karin.

Wuxuu ka fekeray malaayiinta maraykanka ah ee maanta ku abtirsada Kunte Kinte fursadda ay u lahaayeen in ay soo badbaadaan sida ay u yarayd iyo sida ay haddana taa ugu soo guulaysteen. Afro- ameerikaanku nolosha maanta dadka kale waa ay kaga xaq leh yihiin haddii la eego sida loogaga xaq sheegtay, ayuu ku fekeray.

Laakiin waxaasi waa uun taariikh ay ahayd in lagu cibro qaato, in mustaqbalka lagu ifsado. Afrikaanku, oo afar boqol oo sano dadkooda sida xoolaha loo raranayay, ilaa ay dalalka qaarkood ku dhowaadeen dadkuba in uu ka cidhib go’o, maxay kaga cibro qaateen? Maxay ka barteen? Waajibka ugu yari wuxuu ahaa in laga gaashaanto si aanay mar dambe u dhicin. Haddaba yaa ka gaashaantay? Hoggaamiye doqonnimo la hamaansanaya, oo hadiyado xaqiran la siiyo, dalkiisa iyo dadkiisana waxa la doono lagu sameeyaa, weli sow Afrika ma xukumo? Dad midab cad oo dadka midabka madow quudhsadaa weli sow ma badna? Maraakiibtii saddexgeeska isaga gooshi jirtay weli sow carooggii dhiillada lahaa ma afuufto? Dekedihii Badweynta Atlaantigga labada dhinac kaga teedsanaa weli sow ma furna? Xaaladda maanta oo sidaas u foolxun in taariikhda la nacdalaa malaha waa wax lagu degdegay? Guuldarradaa haddii wax laga kororsan lahaa Afrika maanta ma ay ahaateen beerta tijaabada iyo sheybaarka dhimashada.

Weligii ma uu akhriyin buug sidaas naftiisa u taabta. Wuxuu ku dhaygagay wejigii qoraaga ee jeldiga dambe buugga kaga sawirnaa, wuxuuna la yaabay sida uu Alex Haley u awooday in uu waddadaas dheer ee argaggaxa leh ee qarniyada soo taxnayd laba iyo toban sano dib ugu lugeeyo. Sahaydiisu maxay ahayd?

Gulufkii cuslaa ee ay reer yurub dunida kale ku qaadeen waxaa hagayay oo keliya jacaylka xad dhaafka ah ee ay hanti urursiga u qabeen. Marka ay kolay buuxiyaanba mid kale ayay la roorayeen. Sababo laga yaabo in ay cimiladu ugu horrayso ayaa keenay in uu qofka afrikaanka ahi nolosha inta ugu yar ee ku filan raalli ku noqdo. Giddi kuwa laga adkaaday, sida afrikaanka, hindida iyo ustareeliyiinta, waa kuwo habnololeedkooda iyo hannaankooda dhaqaale aan wax kaydsiga badan iyo lahaansha gaarka ahi muhiim ahaan jirin. Iyaga oo sidaas isaga baraad la ayaa quwad si ba’an u abaabulan lagu hareereeyay.

Haddii ay sidaas ahayd, ma hantigoosiga ama wax ka la boobka ayaa ah sababta horumarka bulshada oo darteed kuwa adkaaday u adkaadeen, wadaagga ayaana ah sababta dibudhaca oo kuwa laga adkaaday looga adkaaday? Hannaanka hore haddii uu ka dambe u babac dhigi kari waayay, oo sidii dogob aboor cunay markii la riixay iska dumay, sow daliil u ma aha in uu ahaa wax qarriban, abaaday oo tabar dhigay?

Haddii laga soo qaado lahaanshaha gaarka ah ee xoogaystay in uu ahaa sababta horumarka Yurub, sow marag u ma aha in uu yahay wax habboon oo ay tahay in loo halgamo? Haddii uu lahaanshaha gaarka ahi waxsoosaarka qofka riixo, waxsoosaarka qofkuna horumarka umadda riixo, marka lahaanshaha gaarka ahi xayirmo horumar maxaa keeni kara?

Raage wayddiimahaa iyo kuwo la mid ah marar badan Rooble iyo dad kaleba wuu ka la dooday, wuxuu se maanta u arkaa wayddiimo aan xaqiiqada ifinayn ee mugdi sii gelinaya. Ka soo qaad in ay dunida meel go’doon ah ka jirto bulsho aan haba yaraato ee dhaqan u lahayn in hantida la ka la lahaado. Ka soo qaad in aynu qof bulshadaas ka mid ah wayddiinno labada hannaan ee ka la lahaanshaha iyo wada lahaanshaha ka habboon? Dabcan fekerka ugu horreeya ee maskaxdiisa ku soo dhacaa wuxuu noqon lahaa: qofku haddii uu wax walba dadka kale u la siman yahay wax u gaar ah muxuu ku falayaa?

Ka soo qaad haddana miskiinkii oo wayddiinta liqi waayay in aynu uga warranno bulshada aynu ka nimid in iyada oo dadka qaar gaajo u le’anayaan isla markaas qaar kale dibbirodillaac u dhintaan. Shaki la’aan wuxuu inoo xaqiri lahaa sida aynu u xaqirno marka aynu maqalno dhaqan isqalasho ka jirto. Sidaas darteed wayddiimaha kor ku xusani waxay inagaga dhacayaan maskax ka aragti qaadanaysa xaalad dabiici inoo ah, waxayna ku dhex lumayaan dhaqan ku salaysan boob.

Laakiin miyay tahay in kartilaawe waxsoosaar liita lala simo maddaale waxsoosaar badan?

Qofka in ay bulshadu waxsoosaarkiisa la wadaagto, isaguna raalli ku noqdo waxsoosaarka guud qaybta uu saami u helo, sidaasna sinnaan loogu wada noolaado, waa sallaanka dadnimada ugu sarraysa laga korayo ee ku talogal iyo ku talogal la’aan la wada higsanayo. Ka wadaagga diidayaana waxa uu u hamuumayaa nolol ma aha ee waa awood uu kuwa kale ku cadaadiyo. Hanti baahida ka badani shar waxaan ahayn ku ma sal leh. Urursiga iyo kaydsiga wax ay dadka kale ka bakhtiyayaan ma aha dabeecad asal ah ee waa tagganaan xilli dambe la bartay, haddii aan laga gudbinna waa sababta labada qof ee dunida ugu dambeeya mid qudha looga jarayo. Isboobka iyo ismuquunintu ilaa hadda waxay aadamiga u soo jiideen hoog aan cidina ka badbaadin, mustaqbalkana waxay dhali karaan burbur jiritaanka aadamiga soo afjara. Xaqiiqadaas ayaa khasab ka dhigaysa in la helo hannaan aan legdan ku dhisnayn, ee ku dhisan wada noolaan habboon. Taasina ku ma hirgeli karto jujuub, xorriyadda iyo kartida shakhsiga oo la xayiro ama la afduubo, ee waxay ku iman kartaa koritaan feker wadajir ah. Waxay hirgeli kartaa marka la garto in la isku bahaloobo oo marba ka laga adkaado la gato ama la qasho in ay aad uga habboon tahay khayraadka dhulka lagu haysto in la wadaago.

Weli waxaa ina hor taal su’aashii ahayd: hantigoosigu haddii aanu habboonayn muxuu u adkaaday?

Dirir kasta oo foodda la isdaro khasab ma aha in uu xaqu ku adkaado dulmiguna ku jabo, waayo waxaa jiri kara duruufo xaaladda ku meegaaran. Marka labaad waa mas’alo ku tacalluqda hab nololeed ee ma aha muruq. Maantana hantigoosigu in uu gacan sarreeyaa daliil u ma aha in uu habboon yahay, ee wuxuu si aan arxan lahayn u adeegsanayaa awood muruq oo uu muddo dheer soo urursaday. Wuxuu lee yahay xoog uu dhawaaq kasta oo lid ku ah ku cabbudhin karo, fuf kasta oo dhulka ka soo cagaarmana cagta ku saari karo.

Mar haddii se ay maanta dunidu isku wada qoofalan tahay iyada oo qayb ka mid ah isboob ka jiro qaybta kale wadaag suurtogal ka ma aha. Waxay la mid noqonaysaa laba ruux oo oomato wadaagaya oo midkood boobayo. Taas awgeed waa daruuri isbeddelkaasi in uu ahaado heer caalami.

London waa carwada lagu soo bandhigo guusha hantigoosiga, ayuu Raage ku fekeray isaga oo subax sabti ah magaalada tamashle ku lugaynaya. Meel walba waxaa ka socda damaashaad guushaa loogu dabbaaldegayo, meel walba waxaa daadsan raqdii hantiwadaag la gawracay, meel walbana waxaa luudaya firxadkiisii ka la asqoobay.

“Ka la baxa jeebkayaga faraha, tuug yahay tuugta laga soo gooyay! Sinnaan iyo wadaag ku lahaaye! Waxa dunida loo abuuray ayaaba ah boob iyo beretan markaasay ku leh yihiin ‘sinnaan iyo wadaag’! Wuxu miyay makhri la yihiin maan gaabsanaa! Waxa Midowga Soofiyati iyo xulafadiisa hoog haysta may arkaan? Horumarka waxaa wada tartanka dadka ka dhexeeya, waxaana jiida hadba ka ugu dheereeya, haddii se isagii la xakameeyo ma sidii ido huluumbe qaba ayaa la isu daba tukubayaa?”

Laakiin horta tartan loo siman yahay ma furan yahay? Kan arradan ee shaqada wershedda ku sii kallahsan iyo kan wershedda qudheeda leh ee isaga oo baabuur qaali ah wata miskiinkaa dacda ku saydhay, ma la hubaa in ay kartidoodu ka la reebtay? Xaqiiqadu sow u ma badna in uu habka jiraa u ka la hiiliyay, oo mid dhabarka ka riixay ka kalena in uu madaxa kor u qaado u diiday?

Laakiin waxaa ugu daran habka Midowga Soofiyati iyo dalalka isaga ku dayda lagaga dhaqmo ee hantiwadaagga lagu sheegay, kaas oo dhabarjab ku ah halgankii weligii aadamigu ugu soo jiray sinnaanta. Wuxuu maragbeenaale u yahay ololaha lagu ambinayo caalamka ee ah wadaaggu in uu sidaas yahay. Waa maragbeenaale u dhigma ka ay kelitalisyada afrikaanku dadkooda ku fureen, kuwaas oo marka la wayddiiyo sababta ay dadkooda miciyaha hororka ah u darayaan ku dooda: “Dadkayagu dilka iyo dullaynta ayay wax ku lee yihiin, kutumashada ayay ku naaxaan oo karaamada waa ay eedaan.” Labada jeerba imbiriyaaligii qosol iyo sacab digasho ah ayuu isku daray. Hoggaamiyaha Afrikana isaga oo sidii jeer dheregtay gafuur weyn ruxaya waa kaas maatadii ku durduriyay.

Soomaaliya ayuu ka fekeray; jamhuuriyad dimuqraaddi iyo weliba hantiwadaag ah. Magacyadan quruxda ka la daran haddii jacayl loo qabo dartii loo soo urursaday in lagu dhaqmo maxaa diiday? Wanaag loogama jeedo ee waa maqaar bulshada hebedka ah lagu godlo oo lagu maalo.

Beri dadka soomaalida oo xaalkooda Alle og yahay ayaa buun qaylo dheer oo aad kii qiyaamaha mooddo loo afuufay. Markii la isu soo baxayna waxaa la sheegay in xalay dawladdii hurdada lagu soo dooriyay oo ay hantiwadaagnimo la soo toostay.

“Oo hantiwadaaggu waa maxay?” “Waa sinnaan dhan walba ah.” “Oo macnaheedu waa maxay?” “Waxii dhib ah oo loo wada dhidido iyo waxii dheef ah oo dheri lagu wada karsado.”

“Waar ma idinka dhab baa? Taasi waa jannadii la sheegi jiraye dunida ma laga samayn karaa?”

”Maxaa looga samayn kari waayay?” Dabadeed yar iyo weyn inta guntiga iyo googgaradda la gaabsaday ayaa shaqo loo dareeray. “Iskiin wax u qabsada nolosha waa udub dhexaadkiiye!” Fiidkii ayaa la isu soo hoyday, mise wax dabka la saaraba la ma hayo, gabannadiina gaajo ayay halkan iyo halkeer la daadsan yihiin.

“Dherigii la sheegayay mee?” “Madaxtooyada ayuu jiraa ee idinku biyo cabba oo seexda.” “Wadaagga la sheegayaa ma waxaas baa? Ilaahay waxaan ugu dhaar galay dherigaa xun meesha aan ku arkaba waa in aan ka la jebiyaa!”

“Waa dibusocod ee qabta oo dila!” Waa kaas hantiwadaagga hirgalay ee la wada hiifayaa. Si kastaba ha ahaatee hannaan wadaag ah oo dunida ka dhaqan galaa wuxuu u baahan yahay awood marka hore wax-kalaboobka lagu xakamayn karo, oo ka aanay waxba deeqayni afka weyn ee uu soo ka la hayo lagaga harraatiyi karo. Haddii kale aabbaha iimaanka qaba ee ubadkiisa wax nolol maalmeed ugu filan u soo saara, dabadeed iyada oo aan dhigaal badani u ool niyadsami ku seexda, dukaanka uu masruufka ka sii qaato iyo guriga uu kirada ugu jiro ka leh ayuun buu addoon u noqonayaa.

Laba sano oo culculus ayuu Raage London wax ka baranayay, laba sano oo uu laba adduun isaga gudbay. Dabadeed isaga oo ay ahayd ugu yaraan sannad kale in uu sii wato ayaa dib loogu yeedhay, loona sheegay in uu waxbarshadiisa inta hadhay dalkii ku dhammaysanayo. Sababta waxaa loogu sheegay dhaqaale xumo, beri dambe ayuu se ogaaday in ay ku lug lahayd maqaal qalindaraale ah oo ay isaga iyo arday suudaani ah oo ay isku jaamacad ahaayeen wargeys ku wada qoreen.

Maqaalkaas oo lagu daabacay wargeys London ka soo baxa oo ku hadla codka ardayda afrikaanka ah ee halkaa wax ka barata, wuxuu si guud uga hadlayay xaaladda Afrika gumaysigii Yurub ka dib.

Maqaalka waxay ku xuseen xorriyadda ay afrikaanku sheeganayaan in ay tahay been iyo dhalanteed, welina ay hoos galgalanayaan jeedalka kulul ee addoonsiga. Waxay maangaabnimo ku tilmaameen sida ay afrikaanku ugu ka la biirayaan labada dhinac ee ay Yurub u qaybsan tahay, bariga iyo galbeedka, kuwaas oo wada leh maslaxad hoosta isaga daloosha, sida ilkaha abeesada.

Waxa ay tilmaameen sida ay afrikaanku isugu dayi waayeen in ay kaynta cufan ee nolosha ka dhex xagaaftaan waddo habboon oo ay u maraan badbaadadooda. In dhaqan iyo siyaasad, xansas iyo xaabo, waxii Yurub ka jiray la iska soo xaabsaday dabadeed lagu dayoobay oo ficil ahaan laga tarjumi kari waayay, ayay dhaliileen. Taas waxa ay ku meteleen ilmo yar oo dukaan weyn soo galay oo ku ashqaraaray, dabadeed wax uu u baahan yahay iyo wax kaleba iska daldashay. Waxa ay tusaale u soo qaateen xeerarka Afrikada cusub lagaga dhaqmo oo ah nuqul laga soo minguuriyay ka Yurub. Halkii xeerarkii hore u jiray la horumarin lahaa, waxii cusub ee la helana kaa hore loo waafajin lahaa, ayaa waxii hore oo dhan la qubay laguna beddelay wax qalaad, ayay maqaalkooda ku xuseen.

Waxay ku doodeen in loo baahnaa nolosha bulshadu halkii ay joogtay in hore looga sii ambaqaado, laakiin la isku dayay in wax walba laga soo bilaabo halkii ay reer yurub ka soo bilaabeen, taasina ay keentay in dib loo hayaamo. Taa waxay tusaale uga dhigteen dhaqankii hore ee soomaalida sida uu hoggaamiyaha bulshadu iyada uga midka ahaan jiray, dhib iyo dheefba u la wadaagi jiray, jacaylkeeda iyo qaddarinteeda ugu dhiman jiray, xushmad iyo xishood u mudnaan jiray, iyo sida ay kuwa cusubi taa u dhinac mareen.

Maqaalkooda waxay ku soo dhammeeyeen Afrika in ay sidaas u dambaynayso inta ay sidii wax maddiidaysan cid kale daba socoto, in ay sidaas u fahmo darraanayso inta ay fal iyo wax la eeday faraqyada ku sidato, sidaasna u waalnaanayso inta ay durbaanka sixirroolaha la qoobcayaarayso.

Raage aragti macno leh hore ugama haysan xidhiidhka Afrika iyo Yurub, mana dhaafsiisnayn fikrado teelteel ah oo ka soo bilawda addoonsigii sida gaarka ah Afrikada Galbeed adhaxda lagaga jabiyay, kuna dhammaada dawladnimadii lixdanaadkii. Dhab ahaan aqoondarrada Afrika kaga sugan wuxuu ka la mid ahaa soomaalida oo sideedaba qaaradda inteeda kale si daran uga faquuqan. Halkii uu isagu ahaa soomaali ka yimid Soomaaliya, halkan wuxuu ugu yimid dhallinyaro ku faanaysa in ay yihiin afrikaan ka yimid Afrika. Colaadda Soomaaliya iyo Itoobbiya, ee aragti dhowaanta ku salaysan, iyo mudnaanta taariikheed iyo hiilka ay afrikaanka kale had iyo jeer xabashida siiyaan, ayaa soomaalida tolkeed ka fanteeyay oo carabta ku tolay. Sababtaas ayaa keentay soomaaligu in uu xabashiga iyo kiiniyaatiga deriska la ah uga aqoon iyo kalsooni bato ciraaqiga ay saddexda badood, lamadegaanka weyn iyo midabku ka la soocaan.

Halkan wuxuu ugu yimid Afrika iyo afrikaan ka duwan sidii uu u yaqaannay, xumo iyo samo labadaba. Fikrado iyo taariikho uu qoraal ahaan ku helay ka sokow, wuxuu bartay lana dooday dad arday iyo mufakiriin u badan oo geesaha Afrika ka ka la yimid, kuwaas oo qabay aragtiyo yaab iyo argaggax leh oo ku tacalluqa wadciga guud ee dunida iyo waxa ay qaaraddoodu qaddar iyo nasiib qayb u heshay. In kasta oo uu ka kasbaday faham weyn oo aan Muqdisho ka jirin, haddana aad ayuu u dhibsaday isku kalsooni xumada iyo cabashadooda badan. Hore wuxuu u haystay dunidu in ay u qaybsan tahay shar iyo khayr, dhanka uu isagu yahay ama raacayaana muran la’aan tahay. Laakiin dadkani waxay soo hor dhigeen aadami isu wada cadow ah ka ugu liitaana yahay afrikaanka. Taasi waxay ku abuurtay baqdin, waxayna dhaawacday niyadsamidii uu u hayay dadnimada.

Ugu dambayn markii uu degay ee caqliga wax ku eegay, waxaa u soo baxay laba xaqiiqo oo ka la ah: soomaaligu in uu afrikaanka kale ka kalsooni badan yahay kana niyadsan yahay, laakiin isla markaas laga wacyi sarreeyo lagana xogogaalsan yahay. Inta uu soomaaligu yaraysanayo, illawsan yahay, ama ka xog la yahay khatarta cad, in aad uga badan ayuu afrikaanka kale weynaystaa, ka baqaa, kuna mashquulaa. Labada xaaladoodna mid waliba dhibkeeda ayay lee dahay. Maxaa ka wanaagsan in aad niyadsami noolaatid, maxaa se ka xun in aad xogogaal la’aan dhimatid!

Halkaas ayuu ka bilawday xiisaha uu arrimaha Afrika u hayaa. Sababtaas ayuu u joogtaystay tegista makhaayad ay ardayda reer afrika isugu yimaaddaan. Markaas ayuu xubin firfircoon ka noqday koox soo saarta wargeyska ardayda.

Maalintii maqaalku wargeyska ku soo baxay laba cisho ka dib ayaa Raage safaaraddiisa looga yeedhay, halkaas oo uu ku qaabbilay nin ka mid ah saraakiisha safaaradda oo ay hore isu yaqaanneen. Ninkaasi Raage wuxuu u sheegay in uu akhriyay maqaalkii oo uu ku tilmaamay meelkadhac, wuxuuna u soo jeediyay canaan ba’an.

“Ma siyaasi baad noqotay?” ayay ahayd wayddiintiisii ugu horreysay.

“Maya. Waayo?”

“Haddii aadan siyaasi noqon, iyo weliba mucaarad, waa maxay waxan aad dhex dabbaalatay?” oo kor u soo qaaday nuqul ka mid ah wargeyskii uu maqaalku ku qorraa. “Ma aha in aad qalad ka fahamtid xorriyadda wax qorista, oo aad weliba adiga oo dal shisheeye jooga wax walba iskaga hadashid.” “Oo waa maxay waxa aan iskaga hadlay?” “Bal xasuuso waxa aad meeshan ku qortay: ’Kelitaliska Afrika wuxuu la mid yahay nin hooyadii kufsanaya’. Waa metelaad yaqyaqsi leh. Danjiruhu markii uu akhriyay wuu ka xumaaday, aniga ayaa se dejiyay oo u sheegay in aad nin yar tahay. Ma aha adiga oo arday ah in aad waxaa isku mashquulisid.”

Wuxuu ahaa nin aqoon leh, laakiin nacnacdaa shaqadiisa fulaynimada ah ayuu ku ilaashanayay. Xaqiiqadaas Raage wuu ogaa.

Bil keliya ayaa kulankii qunsulka ka soo wareegtay markii Raage lagu wargaliyay in uu dalkii ku noqonayo. Markiiba malihiisu wax uu u batay go’aankaasi in uu ku lug lahaa maqaalka. Markii uu dalka yimid ee uu taa xaqiiqsadayna aad ayuu uga taxadderey firfircooni kasta oo siyaasadeed. Sannad kale ayuuna si deggan waxbarashadiisa dalka uga sii watay.

In uu maqaallo siyaasadeed wargeysyada ku qoraa waxay ahayd hiwaayaddiisa, laakiin sidii uu dalka ugu soo noqday taa isku ma uu dayin. Baqdin ka ma ay ahayn, waayo magac qarsoodi ah ayuu adeegsan kari lahaa, laakiin mar hadii uu og yahay in aanu wargeysyada dalka ka soo baxa fikradihiisa ku qori karin, macnodarro ayuu u arkay in uu kuwo shisheeye, oo soomaalida akhridaa ay aad u yar tahay, wax ku qoro. Taasi beryahan waxay u la mid tahay qof dadkiisa dunida kale la xamanaya.

***

Isla sannadkii uu jaamacadda ka qalinjabiyay Raage wuxuu macallinnimo ka bilaabay dugsi sare oo Muqdisho ku yaal, Degmada Hawlwadaag ayuuna qol kiro ah ka degay. Guriga intiisa kale waxaa ku nool qoys iyagu leh oo carruur badan. Guud ahaan waa shan qol oo barxad ciid ah oo geed weyni ka dhex qotomo ku soo wada jeeda. Sinaba u ma shabbaho gurigii Rooble. Qolka uu degay wuxuu lee yahay laba albaab oo mid debedda u jeedo midna gudaha.

Qoyska guriga leh ee uu la degay ee reer Xaaji Cabdulle dhaqan ahaan aad ayay u furfuran yihiin. Barxaddaa, geedka hoostiisa, ayaa dermooyin iyo gambadho la wada dhigtaa oo maalintii la hadhsadaa habeenkiina lagu caweeyaa, wax walbana, sheeko iyo shaahid, la isku dhaafsadaa.

Xero guriga ka sii jeedda waxaa qoyska ugu xidhan xayn lo ah, dukaan aan weynayn oo waxa la quuto iibiya ayayna xaafadda ku leh yihiin. Intaas ayay labada waalid iyo toddoba carruur ahi ku dhaqan yihiin oo ka wada shaqeeyaan. Ladnaan dheeraad ah ma qabaan noloshu se waa ay ku filan tahay. La soo degista Raage waa ay u aayeen, isaguna wuu u aayay. Carruurta ayuu duruusta ka caawiyaa, iyaguna waxay ku khasbeen in uu la weel noqdo, taas oo u suurto gelisay in ay mushaharada yari ku fillaato.

Mushaharada uu shaqada ku bilaabay mar haddii ay iska liidatay reer Rooble aad ayay ugu cadaadiyeen in uu iska la sii degganaado, laakiin isagu taladaa sababo dhawr ah ayuu uga dhego adaygay. Wuxuu jeclaa in uu helo xorriyadda nin doob ah noloshiisa laga ma maarmaanka u ah. Wuxuu kale oo doonayay in uu dareemo masuuliyad iyo in uu waqtigii dheeraa ee gacanta lagu soo hayay ka dib isagu ismaamulo. Marka saddexaad Rooble iyo Qarad maanta qudhoodu waa dad waaweyn oo degganaan iyo xorriyad badan u baahan.

Markii uu shaqada bilaabay aad ayuu u faraxsanaa, isu u la weynaa oo u niyad fiicnaa. Halgankii dheeraa ee uu tacliinta u soo galay guushiisii ayuu maanta hayaa. Laakiin islaweyni iyo niyadsami ma lagu noolaadaa, mase loo noolaadaa? Wuu ogaa in uu ka mid yahay fac shaqo bilaaba kii ugu nolol liitay. Wuu ogaa in aanu ku baahi bixi doonin, hantina ka dhaqan doonin, jeer isbeddel weyni dalka ka dhaco, isbeddelkuna ilaa hadda xagga xun ayuu u socdaa. Sidaas oo ay tahay waxaa ka buuxay dareen macaan oo shaqada jeclaysiinayay.

Maalintii shaqada ugu horreysay wuxuu la kulmay fajac iyo lamafilaan uu sina u rumaysan kari waayay. Maamulaha dugsiga ayuu gartay, waa ay se ka dhaadhici wayday in uu ka uu moodayo yahay. Wuxuu ahaa Diiriye, saqeeyihii ay Negeeye saaxiibka ahaayeen.

Raage wuxuu Diiriye bartay berigii uu Negeeye ka yimid Damalweyn, ee uu geerashka farsamada ka baran jiray, oo ay marar badan guriga Rooble isu soo raaceen. Berigaas wuxuu ahaa caato uskag badan, had iyo jeerna la moodo in uu gidaar ka soo toosay. Marar kale oo taas wax badan ka dambeeyay wuxuu arkay Diiriye oo qabanqaabiye ka ah hawlaha abaabulka iyo kicinta ee degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag. Berigaas dambe dharkii uskagga badnaa wuu iska beddelay, weli se sidii ayuu caato u ahaa.

Markii isugu dambaysay waxay ahayd galab ka mid ah bisha oktoobar, muddo ka hor intii aanu waxbarashada u dhoofin. Maalintaa Diiriye wuxuu ka mid ahaa dad u xil saaran ururinta dadkii degmada u mari lahaa damaashaadka sannadguurada dhalashada Kacaanka. Wuxuu doonayay Qarad oo jirranayd in uu kaxeeyo, si ay u metesho ay hooyo kacaan ah, dabadeed Rooble ayay aad u murmeen.

Laakiin Diiriyahan maamulaha ah ee uu Raage dugsiga ku la kulmay si walba wuu uga duwanaa kii hore. Waa dhawr iyo soddon jir gaaban oo cufan, laf iyo hilib labadaba. Berigii hore timo weyn ayuu lahaa jiray, laakiin imika bidaar weyn ayaa madaxa ka leeftay. Qayladii iyo iimaan la’aantii uu caanka ku ahaa ka ma muuqdaan, waa nin ladan, deggan oo isku kalsoon. Baabuur FIAT 124 ah ayuu wataa.

Diiriye dadka aan taariikhdiisa aqoon wuxuu u sheegan jiray in uu dugsi sare ka baxay, laakiin tacliintiisu waxay ka bilaabatay kuna egayd laba sano oo ah Aqoonta Dadka Waaweyn. Markii uu isaga oo weli carruur ah Xamar soo galay iskorisnimo ayuu birta soo calaashaday. Wax badan ayuu dumar boorso ka la cararay, gabdho yaryar qadaaddiic ka dhirbaaxay, ama odayo reer miyi ah jeeb siibay. Waxaas oo hoog ah ma jiro qof aan Negeeye ahayn oo uu weligii la soo qaaday. Laakiin marka uu doonayo in uu ku faano sida uu nolosha ugu soo halgamay, ama ka digayo in la isku dayo in la dago, ayuu waxyaalo noloshiisii hore ku saabsan tusaale u soo qaadan jiray. Had iyo jeer wuu ku faani jiray sida uu u soo halgamay maantana u yahay maamule dugsi sare, taas oo ah darajo aanay gaadhi karin kuwa guuldarraystay, xataa haddii ay jaamacad ka soo baxeen. Isaga oo carruurnimadiisa xanuunka badan xasuusan ayuu sheegi jiray in uu rumaysan yahay carruurta ladnaanta iyo koolkoolinta ku kortaa in ay noqdaan dad jilicsan oo aan la tartami karin kuwa uu waqtigu laylyay ee cadaabta kabo la’aan ku soo maray.

Mar hore iyo maantaba waa la isku raacsanaa Diiriye in uu ahaa qof dadaal badan, waayo meel adag ayuu iska soo saaray, Kacaankana wuxuu u la qabsaday si xawli badan. Wuxuu ka mid noqday Ururka Dhallinyarada, muddo yar dabadeedna wuxuuba noqday guddoomiyaha ururka ee degmada Hawlwadaag. Wuxuu xubin muuqata ka noqday Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee degmada, wuxuuna ku sifoobay firfircooni, kacaannimo iyo karti dheeraad ah. Wuxuu noqday xiddig aan hawlaha Xisbiga ee degmada ee abaabulka iyo kicinta looga maarmin.

Bannaanbaxa lagu taageerayo go’aannada madaxweynaha, ka lagaga soo horjeedo imbiriyaaliyadda, soo dhoweynta kelitalisyada kale, cawaysyada hanuuninta dadweynaha iyo ololayaasha iskaawaxuqabso, meeshii la isugu yimaaddaba isaga oo suuf cas qoorta ku xidhan ayuu Diiriye safka hore taagnaan jiray. Waxaa loo wada arkay nin mustaqbal sugan maamulka ku leh, taas oo badisay cadawgiisa. Kacaandiidku waxay u arkeen dhurwaa soo koraya, kacaamiintuna waxay u arkeen nin aanay u la tartami karin helista kalsoonida taliska, kalsoonidaas oo lagu kasbado orod, qaylo badan iyo munaafaqnimo, kuwaas oo ahaa sifooyin uu Diiriye hodan ku ahaa.

Beryahaas ayuu laba sano dugsi habeenkii ah dhigtay. Laakiin sidii uu u ordayay una qaylinayay ayaa si lamafilaan ah golaha beretanka looga waayay. Isaga oo halgankiisu meesha ugu ba’an marayo ayaa habeen guriga lagala baxay. Waxaa lagu eedeeyay in uu degmada lacag ka lunsaday, taas oo ahayd mid ay dhab ahaantii rag kale ku wada jireen laakiin denbiga keligii lagu moosay. Wuxuu ka soo laacay shan bilood oo ah “ii-hay” iyo sannad xukun ah. Dabadeed waxaa lagu soo daayay fadliga oktoobar.

Xabsiga wuxuu ka soo baxay isaga oo soo nastay, sida ay dadku yidhaahdeen, waayo wuu soo naaxay. In kasta oo denbiga lagu eedeeyay uu qirtay haddana wuxuu ku qanacsanaa qabashadiisu in ay ahayd shirqool ay wadajir ugu dhigeen kacaamiinta iyo kacaandiidku.

“Xamar aniga oo saddex iyo toban jir ah oo aan ab iyo isir ii joogin ayaan ku bakhtiyi waayay, ma maanta oo aan da’daa ahay wadiiqooyinkeedana sida bisadda u ka la aqaan ayaan ku noolaan kari waayayaa?” ayuu yidhi markii uu xabsiga ka soo baxay, mar labaadna guntiga dhiisha iskaga dhigay.

Ma uu warwareegin, markiiba wuxuu isku sii daayay ninkii ugu xigay dadka maamulka ku jira oo ahaa wasiir kuxigeen. Muddo yar ka dibna waxaa loo magacaabay maamule kuxigeenka dugsigan. Markaa waxaa maamule ka ahaa oday doqon ah, doqonnimadaas oo uu ku la baxay sida aanu wax u cuni aqoon, faraha haddii afka loo geliyana u qaniini aqoon. Markii uu Diiriye dugsiga ku soo kordhay dhawr bilood ka dib ayuu odaygii shaqada iskaga tegay, Diiriye ayaana maamule noqday.

Ma Diiriye? Sidee buu kaasi maamule ku noqday? ayaa si yaab leh la isu wayddiiyay. Waxay ahayd intii aan yaabku dhammaan.

Maanta Diiriye maamulenimo keliya ku ma shaqeeyo ee wax kasta oo aan suurtogal ahayn ayuu suurtogeliyaa, xadhiggii Xamar ka xidhmaba isaga ayaa fura, waxii la fahmi waayana fardaamiya. Dugsigiisa oo keliya ma aha ee dano badan oo kale ayuu dadka u soo dhammeeyaa, dugsiyada kale oo dhan iyo ilaa Wasaaradda laamaheeda ka la duwan ayuu socdaa oo dad ku lee yahay, iyo weliba wasaarado iyo xafiisyo kale.

Arday badan oo imtixaankii fasalka hore ku dhacday ayaa fasalka xiga fadhida, qaar aan dugsi dhexeba dhigan ayaa dugsiga sare fadhiya, mid aan maalin waxbarasho u soo xaadirin ayaa sannad walba gudba, kii ugu damiinsanaa ayaa natiijadii imtixaanka ugu dhibco sarreeya, qaar aan shaqadii qaranka marin ayaa shahaadooyinkii guriga loogu keenay, macallin mucaaradka hubaysan galay iyo mid beri hore dhintayba weli mushahaaradooda waa la qaataa. Waxaas oo dhan waa la arkay, mahaddana waxaa leh Diiriye.

Waa laga wada dheregsanaa dhaqankiisa waallida ah, waa loo dhug lahaa falalkiisa sharcidarrada ah, laakiin dan laga ma lahayn. Oo maxaa dan looga lahaanayaa, sow dalku sidaas ku ma dhisna, dadkuna sidaas u ma dhaqna? Barayaashu badankoodu sidaas ayaabay ku jecel yihiin, la’aantii in ay gaajo u le’an lahaayeen ayay rumaysan yihiin. Odaygii hore ee doqonka ahaaba waa ay ku ag bakhtiyeen.

Mar waxaa dugsiga soo maray macallin wadaad ah oo dadaal badan, kaas oo isku dayay in uu tuumbada xaaraanta ah ee uu Diiriye nuugayo dhexda ka dalooliyo. Dacwad ayay ilaa maxkamad isla socdeen, laakiin ugu dambayntii waddada ayuu cabsiiyay, isagii roonaa ayay rogatay, shaqadiiba waa laga eryay, xabbis ayuuba ku sigtay, masaajid iyo mowlac ayuuna ku dambeeyay. Meelahaas ayaa maanta lagu arkaa isaga oo sidii awr dhugatoobay u qufacaya; isaga oo surwaalkii ka weynaaday oo dacas cidhbaha ka dhammaaday cagaha ku jiidaya.

Sharcidarrada uu Diiriye wado haddii lagu dacweeyo, oo iimaanlaawe kale oo rug booliis ama maxkamad fadhiya la isu la tago, sow laga ma yaabo in uu isaga qudhiisu gar helo? Sow taa markhaati loo ma hayo oo horeba u ma ay dhicin? Miyuu jiraa qof doonaya in uu shaqada waayo ama xabsi galo? Xaaraanba ha iska ahaato ee waxa uu walwalaaqayo sow la la ma cuno, marka laga reebo inta waalan? Ma duddumooyin baa dadku sow dad ma aha oo nolol u ma baahna?

Barayaasha haddii la hafray, oo wax aan qado maalin u goyn quud looga dhigay, si ay shaqadooda u gutaan, ubadkana u korsadaan, in ay afka wax geliyaan sow xaq u ma leh? Waa foolxumo faraha lagu la wada jiro ee wax ay iyagu ku khasbanaan lahaayeen haddii Diiriye sheyddaan u diray miyaa ay tahay in ay ka dayriyaan? Maxaa markaa dan looga gelayaa?

Marar badan ayay dhacday in uu macallin ama macallimiini jabhadda Diiriye ka fallaagoobaan. Kuwaas in kasta oo aan go’aanka goonigoosiga ah lagu jeclayn haddana loo ma joojiyo loo mana juuqo. Maxaa loogu juuqayaa miyaa la isjujuubayaa? Dhib Alle ma abuurin. Quwaax iyo qadhaab waxoogaaga uu Diiriye meel dhow iyo meel dheerba ka soo shaqshaqay ninka diidaa isaga ayaa cirka roob ku og, ayay macallimiintu isku qanciyeen. Isaga iyo gaasteri baa isleh, haddiiba aanay qaaxo ku dhicin, sidii wadaadkii hore. Bakhtiguba mar buu xalaal yahay, maanta oo kale. Xilliga la joogaa waa Xaaraamocune.

Qofka xalaal doonayaa xoolo miyi ha dhaqdo, qofkii xoog isbiday xabbad ha qaato, qofkii xumaan kale u dan lihina annaga yuu nagu xoqan ee madaxtooyada ha aado. Maxaa annaga nalaga rabaa? Ma annaga ayaa askar jaahiliin ah iyo shacbi ka sii jaahilsan talada isugu dhiibnay? Shaqadayada waa in aanu ku noolaannaa, ayay macallimiintu ku doodaan keli kelina ugu fekeraan.

Qof walba qummanihiisa ayaa qoorta ugu jira. Qof waliba denbiga cid kale ayuu dusha kaga tuuraa xumaha uu qaybta ka yahayna iska riixaa. Barayaashu garasho ahaan waa ay og yihiin in ay waxa dugsigooda ka socda si buuxda mas’uul uga yihiin, laakiin dareen ahaan waa ay isdiidsiiyaan, wax ka qabashana waxay ka door bideen in ay taas Diiriye iyo madaxweynaha ku xantaan. Carabta ayaa ku maahmaahda “Xantu waa dadaalka waxmataraha”. Kartidooda oo dhami waa in ay sidii lo daaq tagtay dugsiga mar ku soo xeroodaan marna ka dareeraan.

Musuqmaasuqa xadka ka baxay, ee gaadhay heer la xalaashado, ardayda inta ku dulman ayaa aad uga badan inta ku danaysata, sidaas darteed maamulka iyo macallimiinta u ma hayaan wax xushmad ah. Laakiin laba saddex wadaad oo marar isxiga gadoodka akhlaaqeed ka dhex muuqday ayaa helay qaddarinta ardayda, waana sababta uu dugsiga uga bilawday baraarug diineed oo maamulaha welwel geliyay.

Diiriye waa ishiiqaate, ardayda kuwa uu isleh yahay dheef ka heli maysid qaladaadka ay galaan badanaa dan ka ma galo. Laakiin kuwa uu qoyskooda dhadhamo ku tuhmayo indho gaar ah ayuu u lee yahay, haddii uu marmarsiinyo yar u helana cago dhul u ma dhigo. Marka uu doono marmarsiinyo la’aan ayuuba u weeraraa. Waxaa ku filan in uu arko iyaga oo sigaar cabbaya, ama xisad ka soo yar daahay, ama maalin dugsiga ka maqnaaday, amaba mid barayaasha ka mid ahi dhego adayg iyo dadaal xumo ku soo eedeeyo. Maalintaasi Diiriye waa ciiddiisa. Ardayga inta uu dhegta jiido oo debedda u tuuro ayuu ku amraa:

“Orod waalidkaa keen!” Waalidkaa keen macnaheeda waa la isla yaqaan, waa lacag ha la ii keeno. Haddii uu arday sabool ah hadalkaas ku yidhaahdo wuu og yahay in uu keenayo waalid xanaaq la qaylinaya, oo isaga qudhiisa la dagaallama, oo ku yidhaahda: “Maamulahaaga mooyee, tuug yahow tuuggu dhalay, car maalin dambe ilmahayga soo eri in aan qoorta kaa goyn waayo!”

Marar badan ayuu Diiriye dad noocaas ah ku qaldamay kana qoomamooday. Laakiin qoysaska ladan ee carruurtooda jeceli waxay imanayaan iyaga oo leh:

“Diiriye, ilmahani waa ilmo aakhir samaane, bal maanta uun isaga dulqaado,” xantoobo lacag ahna hoosta uga dhiibaan.

Si wanaagsan ayuu xaaladda dhaqaale ee ardaydiisa u ka la yaqaan, oo xataa isbeddelka ku soo kordhaya mid mid ayuu u la socdaa. Hadba ka ay qoyskooda dhaqaale xumo ku dhacdo iyo maalintaajirka cusub aad ayuu ugu feejigan yahay. Gaar ahaan fasalka koowaad ayuu sannad walba si gaar ah u ka la xulaa. Wuu jecel yahay sannadka ay dugsiga bilaabaan dhawr arday oo baabuur cadcad subaxdii lagu keeno duhurkiina lagu qaado.

In uu Sheekh Xasan Sacuudiga ka soo degay Diiriye wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu hor ogaaday. Muxuu u ogaan waayay sow shaqadiisa ma aha? Sow dugsiga laba carruur ahi u ma dhigtaan, Aadan iyo Safiya? Si uu xoogaa uga shaqshaqo waa in uu Aadan iyo Safiya midkood marmarsiinyo u helaa, haddii uu labadaba u helana ka sii wanaagsan. Safiya ayaa se shillalka is’hor dhigtay.

Mabda’a waxbarashada dalku wuxuu ku dhisan yahay ka la sarrayn la’aan. Taas darteed waxaa khasab ah dhar isu eg in ay ardaydu dugsiga ku yimaaddaan. Dugsiga sare waa surwaal dheer oo balcad ah iyo shaadh cad oo gacmogaab ah. Dahab, masar iyo xarrago kale la ma oggola. Sharcidarro kaleba Diiriye ardayda ha ku maalo, laakiin waxii sharci ah cidda ku soo doonataa iyadaaba ka waalan.

Goor barqo ah Raage oo xisad ka soo baxay ayaa arkay maamule Diiriye oo xafiiska hortiisa ku la murmaya nin da dhexaad ah oo gadh weyn leh dhar sacuudina gashan. Waa wahaabi ayaa ahaa dareenkii ugu horreeyay ee uu Raage iska helay markii uu wadaadka arkay. Wuu maleeyay in uu arday uu Diiriye eryay u dacwoonayo. Haa, gabadh yar oo buugaag laabta ku haysata ayaa maamulaha iyo wadaadka ag taagan. Shaadh gacmo dheer oo jilbaha jooga iyo maro cad oo ay wejiga mooyee madaxa intiisa kale ku dabooshay ayay xidhan tahay. Raage yarta shakhsi ahaan u ma yaqaan, laakiin muuqeeda dugsiga wuu ku arkay. Dhankoodii ayuu u dhaqaaqay, wuxuuna soo gaadhay Diiriye oo wadaadka ku leh:

“Haddii aad sharciga dalka u yaal ka weyn tahay orod cidda ay khusayso uga dacwood, haddii kale annaga naguma khasbi kartid sharci aad Sacuudiga ka la timid.”

“Adigu miyaad shareecada Ilaahay ka weyn tahay? Waxii uu Ilaahay soo dejiyay cidda diiddaa waa gaal. Maxaad markaas meel kale iigu diraysaa sow adigu halkan mas’uul ka ma tihid, denbigeedana ma lihid?” ayuu wadaadkii ku dooday.

Durba macallinku sababta muranka fahan: wadaadku wuxuu doonayaa in ay gabadhiisu dugsiga xijaab ku dhigato, Diiriyana wuu ku gacan saydhay. Awal isaga ayaa dadka gardarraysan jiray, laakiin maanta laaluush la siiyo iska daa ee godkiisii ayay biyo ugu galeen. Labaduba aad ayay u xanaaqsan yihiin, in ay cidi soo ka la gaadho malaha waa ay u baahnaayeen. Raage isaga oo sidaas wax u arkay ayuu isku dayay in uu dhexdhexaadiyo.

“Sheekh, maamuluhu wuxuu kuu la hadlay si wanaagsan. Isagu sharciga dalka u yaal ma dejin, markaa waxaa habboon, intii aad macnodarro isugu xiiqi lahaydeen, in aad wasaaradda ama ciddii kale ee shaqo ku leh dacwadaada u la tagtid.”

Wadaadkii Diiriye oo ay isku daaleen inta uu ka soo jeestay ayuu Raage isku soo rogay.

“Shukran yaa akhii! Sheekh Xasan baa la i yidhaahdaa ee adiga magacaa?”

“Raage ayaa anna la i yidhaahdaa, dugsiga ayaan bare ka ahay.” “Yaa akhii, wax kale ma jiraane waa ayo cidda xaq u leh in ay inantayda ku khasabto in ay qaawanaan ku socoto?”

Diiriye xafiiska ayuu iska galay. Safiya oo sidii ay dhaxamoonayso buugaagtii dhuunta gashatay, hoosna u foororta, doodda iyada ku saabsanna la socota laakiin aan waxba ku darsan karin, ayuu Raage yar milicsaday.

“Yunifoomka dugsigu qaawanaan ma aha ee horta qalad wax ha u fasirin. Haa, xijaab ma aha, laakiin qaawanaanna ma aha. Midda kale, miyaadan ka garaabayn sharcigani in aanu ahayn mid dugsigan iyo gabadhaada oo keliya khuseeya ee dalka oo dhan ka jiro, cidda fulin weydaana tahay cid sharciga ka leexatay?”

“Maya, ka garaabi maayo, waayo diin baan ka hadlayaa, idinkuna sharci jinni oo meel laga keenay aan la aqoon baad ka hadlaysaan. Ma jiro sharci aan diinta ahayn oo dad muslimiin ahi ku dhaqmi karaan.” “Laakiin haddii wax la beddelayo waa waajib in loo maro dariiq habboon, ma aha in halkan lagu murmo.”

Sheekh Xasan hadalka Raage ku ma uu qancin ee qudhiisa wuxuu u arkay sheyddaankii Diiriye ka yaraa. Dooddii wuu beddelay oo wuxuu galay wacdi. Markii uu cabbaar si degdeg ah u hadlay ee xiiqay, ayuu boorso maas ah oo garabka uga lulatay ka soo saaray buug yar oo carabi ah oo Raage u soo taagay isaga oo leh:

“Mar haddii aad madraso taanawi ah macallin ka tahay carabiga waa taqaan ee soo akhri kitaabkan. Haddii aynu diinta baranno waa aynu tafaahumi lahayn, mushkiladdu waa jahli xaqa inagaga sugan ee barashada diinta aynu ku dadaalno.”

“Mahadsanid! Waan soo akhriyayaa.” Markii uu Raage ka dhaqaaqay ayuu Sheekh Xasan mar kale xafiiska galay, laakiin Diiriye oo qaylinaya ayaa debedda u soo eryay. Hadal iyo wacdi aan loo baahnayn ayuu wadaaye haddii aanu wax bixin sidee bay wax ugu hagaagayaan? Haddii ay gacantiisu irmaan tahay xijaab iska daaye wax kasta waa loo oggolaan lahaa. Sidaas ayuu isaga oo ciil la liita gabadhii ku kaxaystay.

***

Raage meesha sidaas ah ee uu shaqada ka bilaabay aad ayuu uga argagaxay. Marar badan wuu ka fekeray bal waxa uu arrinta ka qaban karo. Buuq iyo xiisad aan natiijo macno leh dhalayn in uu kiciyo ma uu doonayn, dacwadna in Diiriye horeba loogala quustay maqal. In uu dugsiga ka beddesho wuu ka fekeray, laakiin wuxuu isu arkay gorayadii ciidda madaxa gashatay ee moodday in ay dhuumatay. Mushkiladdu sow ma aha mid dugsi walba iyo goob kasta oo shaqo taal?

Wuxuu ku tashaday in uu dhan kale uga wareego. Erayo degdeg la isugu maguujiyo iyo weedho sarbeeb ah mooyee isaga iyo Diiriye weli musuqmaasuqa toos ugama ay wada hadlin. Maanta ayuu ku tashaday bal in uu taa isku dayo. Xisad uu firaaqo lahaa ayuu maamulaha xafiiska ugu tegay.

“Diiriye, waxaa muuqata xaaladda dugsigu in ay meel xun marayso. Dalka oo dhan musuqmaasuq wuu ka jiraa, laakiin u malayn maayo in ay jirto meel halkan la mid ahi. Waa shaqadeenna iyo xilkeenna waxa ay dhibaatadu ka taagan tahay. Sow ma habboona haddaba in aynu arrinta wax ka qabanno?”

Diiriye shiddaba isma gelin ee inta uu labada gacmood qadaadka ku qabsaday oo dib ugu tiirsaday, ayuu si aad u deggan u yidhi:

“Aniga shaqadayda dhibaato igama haysato ee taada miyay kaa haysataa?”

“Waa hubaal labadeennaba in ay inaga haysato. Ma jirto mushkilad ka weyn xilka hawleed iyo akhlaaqeed ee shaqadeenna inaga saaran in aynu dayacno ama ku takrifalno.”

“Oo shaqadaada miyaad dayacday kuna takrifashay?” Raage si weyn ayuu uga xanaaqay isyeelyeelka Diiriye. Shidaanaba shidan. Qof wax bi’inayaba u ma ega. In uu talo qaato ha joogtee waqtigii wadahadalka wuxuu ku lumiyay jeesjees iyo googgaalaysi. Maalintaas ayuu ka quustay wax ka qabasho habboon oo arrinta lagu samayn karo inta uu Diiriye awoodda ugu sarraysa iyo awoodda oo dhan ee dugsiga lee yahay.

Maalintaas ka dib wuxuu bilaabay in uu ka fekero sidii uu Diiriye shaqada uga qaadi lahaa. In ay isaga iyo barayaasha kale si wadajir ah dacwad qoraal ah wasiirka Wasaaradda Waxbarashada u gudbiyaan ayuu ka fekeray. Haddana wuxuu xasuustay in ay barayaasha badankoodu Diiriye u laylyan yihiin, lagana yaabo in ay arrin noocaas ah iska dhegooleeyaan. Sidaas oo kale, mar haddii ay xaaraan tahay in wax awoodda maamulka ku abtirsada laga hor yimaaddo, fal noocaas ah waxaa lagu xukumi karaa shoobbare, taas oo ah dacwad khatar ah.

Midda kale, waa hubaal Diiriye in uu dad adag Wasaaradda ku lee yahay. Haddaba maxaa talo ah? Ma ku la tahay in aad waxaa la raqayo dhankaaga ka raqdid, oo aad sida Diiriye dhabannada ka dhalaashid? Sow adigan gaajaysan maad lafahaaga wax u cuntid? Maxaad wax u baratay, ma gaajo iyo arrad? Ka dibna? Dadnimo iyo dugaagnimo ma ka la jiraan? Xaaraan iyo xalaal, dhac iyo dhaqasho, dulmi iyo daacadnimo ma ka la jiraan? Maxaa kaa galay waxa ka la jira? Waa taa sidii waylo dhooqo galay dhan walba wax loo walaaqday ee maad dhankaaga ka gashid?

5

Habeenno aan yarayn markii uu caloolxumo arrintaa ku saabsan la gam’i waayay ayay talo ku dhalatay. Aroor hore inta uu kacay ayuu Wasaaradda Waxbarashada isku sii daayay. Subaxdaa waxaa jirtay gaadiid la’aan ba’an, dad tiro badan ayaa hakadka gaadiidka dadweynaha ku xoonsanaa, marba baabuurka isa soo taaga ayaa lagu qamaamayay dabadeed inta taagta rooni raacaysay.

Isgaadhsiintu waxay ka mid ahayd meelaha ugu daran ee uu maamulkii askartu ku guuldarraystay, iyada iyo ilays iyo biyo la’aanta joogtada ahna waxaa ka dhalan jiray nacayb taliska loo qabo. Sow ma ay ahayn dadka xilka sidaa in ay sameeyaan wax kasta oo dadkoodu ku jeclaanayo, kana fogaadaan wax kasta oo lagu nacayo? Haddii ay taasi dhici weydo sow ma aha in uu jiro sheyddaan si kale wax u tusayaa? Xaflad farxad leh oo mugdi lagu daboolay, guri ummuli jiifto oo biyaha laga gooyay iyo qof buka oo gaadiid la’aan darteed gurigii gaadhi waayay natiijada ka dhalataa waa uun nacayb. Aragtidii karaamada qofka reer yurub kor u qaadday waxay ahayd “in tirada ugu badan bulshada ee suurto gasha la geliyo liibaanta ugu badan ee suurto gasha”. Laakiin kelitaliska Afrika wuxuu ku shaqeeyaa “in tirada ugu badan bulshada ee suurto gasha la geliyo hoogga ugu badan ee suurto gala.”

Raage subaxdaa markii uu arkay mashaqada gaadiid la’aanta ah wuxuu door biday arrin uu dhawr jeer oo hore ku guulaystay. Meeshii lagu buuqsanaa inta uu ka yar baxay ayuu baabuurtii gaarka ahayd gacanta u taagay isaga oo muujinaya baaqa ah i-qaad. Markii ay dhawr dhaafeen ayuu baabuur aanu ka filayni isu taagay. Waa BMW cusub oo uu nin cadi wato.

“Subax wanaagsan!” ayuu af Ingiriisi ku salaamay isaga oo muraayaddii degsanayd ku sii foororsanaya.

“Subax wanaagsan!”

“Waxaan jeclaan lahaa in aad dhanka aad u socotid igu sii tuurtid.”

“Soo fuul.” Degdeg ayuu albaabka isaga furay fadhina isugu hubsaday. Waa nin sida dambaska u cad, aadna u laf iyo xoog weyn oo dundun la’eg. Waxaa la iswayddiin karaa sida uu baabuurka ku soo galay ama uga bixi doono. Qadaadka waxaa la moodaa in uu ka bararay, madaxa weyn ee ay bidaartu caddaysayna saqafka ayuu ku la dhow yahay. Kursigu ku ma filna oo hore ayuu foororaa, shookaantana dusha ayuu kaga yimid oo laba gacmood oo culculus ayuu ku dul hayaa. Wuxuu lee yahay gadh orgi, da’diisuna qiyaastii waa afartan ilaa shan iyo afartan jir. Wuxuu u eg yahay nin adduunka qaybtiisii cunay qaarna ku amaahday.

“Ma shaqaad u socotaa?” ayuu shisheeyihii Raage ku wayddiiyay cod sidiisa u weyn oo onkod la moodo.

“Maya, Wasaaradda Waxbarashada ayaan dan ka lee yahay.” “Waad nasiib badan tahay waayo qudhaydu waxaan ku socdaa Hotel Jubba.”

“Waad mahadsan tahay! Runtii waan u baahnaa.” “Ma meel kale ayaad ka shaqaysaa?” “Haa, dugsi ayaan bare ka ahay.” “Waan gartay, walaalkay ayaa isaguna bare ah.” “Yaad u dhalatay?” “Waxaan ahay warfidiyeen maraykan ah, waxaan se u shaqeeyaa wargeys ingiriis ah.”

“Intee baad Soomaaliya joogtay?” “Shan cisho.” “Ma imika ayaa kuugu horraysa?” “Maya ee waa markii shanaad … markii lixaad.” “Markii lixaad? Waxaan filayaa in ay ku raalli gelisay.” “Runtii mar aan Hargeysa tegay iyo mar aan Xerada Qaxootiga Jalalaqsi tegay mooyee Muqdisho ma aan dhaafin iyaduna xumaan iyo samaanba waa ay lee dahay, imikana aad ayay u kulushahay.”

“Haa, aad bay u kulushahay, bishu waa maarso oo qorraxda ayaa dhalada inaga haysa. Xagga shaqadaada ka warran? Hawshii aad u timid ma kuu fushay?”

Si qunyar ah ayuu shisheeyihii u soo jalleecay Raage oo ku hoos libdhay oo dhexda dhuuban ee suunku kaga caynsan yahay la moodo in uu ka ka la go’ayo. In kasta oo qudhiisu laf iyo dherer lagu tilmaamo maanta marka uu ninkan dhinac fadhiyo dhicis ka ma duwana. Ninka la hadlayaa marka uu soo eego neeftiisu timihiisa waa ay dhaqaajinaysaa.

“Su’aashaada waxaan ka dhadhansanayaa in aad la socotid mushkiladda warfidiyeenka dalkiinna ka haysata.”

“Haa, waan fahmi karaa in aanay fududayn waayo waxaa na haysta maamul kelitalis ah.”

“Run ahaan waxaa jirta dhibaato intaas ka dhumuc weyn. Kelitaliska waxaa lagu yaqaan in uu waxii siyaasad ah saxaafadda ka daboolo, laakiin dalkiinna waxba suurtogal ma aha, haddii aan damco in aan geedkaa sawirto waa la ii diidayaa. Maxaad qarinaysaan?”

Dabeecadda saxaafadda reer galbeedka ee Afrika ku wajahan Raage hore ayuu ugu fiirsaday, sida dad kale oo badan ayayna yalaalugo ku abuurtaa. Laakiin waa dhab maamulka Soomaaliya in uu yahay nooc gaar ah oo shaqo saxaafadeed kasta u arka in ay soo faagayso xabaalaha uu dadkiisa ku guray, ama daaqad ka qooraansanayso xabsiyada uu kumanyaalka denbi la’aanta ah ku dabray, amaba faafinayso darxumada aan xadka lahayn ee uu dadkiisa baday.

“In aad foolxumo ugaadhsanaysaan ayaa la rumaysan yahay in ay tahay sababta keliya ee sidiinnaba halkan idin keenta.”

“Foolxumo sidee ah?” “Sawir argaggax leh oo xaggaa idiinka gadma.” “Iyaa? Ciise Masiix! Oo ma aragti sidaas u xun baa nalaga haystaa?” ayuu cod aad u weyn kaftan yaab ku jiro ku qayliyay, oo isaga oo aan jawaab sugin sii raaciyay: “Waxaad i xasuusisay maalintii aan Hargeysa tegay, oo aan damcay koox carruur debedyaal ah oo qashin ku dhex jirtay in aan sawirto, oo ay koox arday ah oo dugsi ka soo dareertay igu soo xoomeen, ilaa bilaysku isugu kaayo yimid. Qudhoodu ii ma ay dhaamin oo kamaraddiiba waa ay iga qaadeen.”

“Oo sidaas ayaad kamaraddii ku wayday?” “Dacwad ka dib waa la ii soo celiyay, filinkii ayaa se sidii igaga tegay.”

“Maxay ku andacoonayeen?” “Askarta iyo ardayduba isla fikradda aad ka hadashay ee ah in aanu dalkiinna sawir xun ka bixinayno ayay qabeen.”

“Waa sidaas, haddii aad marti ahayd maxaa qashinqubka ku geeyay maad muuqaal bilic leh sawiratid?” ayuu u yidhi si bisayl ka fog. “Kamaradda se in lagaa qaado ma ay ahayn.”

“Waa sababtii aan kuu lahaa ‘maxaad qarinaysaan?’ Bilicda markeeda waan sawirtaa, laakiin qashinkuba sow xaqiiqo jirta ma aha, in la muujiyo maxaad uga xumaanaysaan?”

Dalcadda Wardhiigley ayay ka soo hoobteen, midigtana waxaa laga arkayay xaafadda dhexdeeda qashin iyo biyo isdhex jiifa oo isku uray.

“Denbigu muujinta ma aha ee waa ujeeddada.”

“Magacaygu waa Peterson, Oscar Peterson.”

“Anigana waa Raage Xirsi. Kulan wanaagsan!”

“Kulan wanaagsan, Hirsi! Runtii eedayntaa hore waan u maqlay, laakiin ma aan fahmin, imikadan qudheedana ku ma fahamsani. Fadlan, bal i tusaalee ujeeddada aannu ka yeelan lahayn in aannu dalkiinna sawir xun ka bixinno.”

Peterson sida uu doqon isaga dhigayo u ma ahaan karo. Isagu shakhsi ahaan ha ku shaqeeyo ama yuu ku shaqayn ee wuu og yahay xirfaddiisu in ay ku salaysan tahay iska indhosaabidda wanaag kasta oo Afrika ka jira iyo raadinta foolxumo kasta oo jiri karta ama xataa aan jiri karin. Saxaafadda reer galbeedku halkaas waxay ka shabbahdaa sahankoodii ugu horreeyay ee kiniisadaha, ee markii la soo dhoweeyay, ee la sooray, sheekooyinka yaabka iyo nacaybka badan Afrika ka diray, ilaa ay gumaysi ordaya keeneen.

Ha jiro ama yuu jirin ee sawirka gaajada, cudurka, burburka iyo guuldarrada ah ee ay had iyo goor ugaadhsadaan laba isku ma diiddana in uu yahay isku day abaabulan oo ah in ay bulshadooda ku barbaariyaan sarrayn iyo wanaag. Wax cusubna ma aha ee waa hannaankii duugga ahaa ee cunsuriyadda iyo gumaysiga maskaxda. Mar kalena waa argagixin Afrika degganaanta lagaga dhaawaco maalgashiga caalamkana lagaga didiyo; maalgashigaas oo door weyn ka cayaari lahaa nabadda iyo horumarka.

“Miyaad igu diiddan tahay in ay jiraan midabtakoor iyo maslaxad dhaqaale oo inta badan ka la qolo ah mararka qaarna isku qolo ahi?” waxaa yidhi Raage.

Peterson wejigii weynaa ayuu ururiyay dabadeed ku ashkatooday: “Laakiin, Raage, miyaadan xanaaqsanayn? Runtii marka aad xanaaqsan tihiin iyo marka kale idinma ka la garto, sida aanan kiiniyiintu marka ay kaftamayaan iyo marka ay dhab ka tahay u ka la garan,” oo qosol gaaban raaciyay.

“Maya, ma xanaaqsani.” Markii Madaxtooyada la hor marayay ayaa ganjeeladii weynayd la wada jalleecay, waxaana Raage ku abuurmay dareen xun oo uu cabbaar dhan iska saari kari waayay.

“Adiguna miyaad igu diiddan tahay muujinta sawir kasta oo dunida ka jira, qurux iyo foolxumoba, in ay tahay shaqadayada, haddii aanu nahay warfidiyeenka?”

“Maya, kuguma diiddani haddii ay intaas uun tahay.” “Waxii aan intaas ahayni waa tuhun xaggiinna ah. Mid se aan ku idhaahdo: siddeed sano ayaan Afrikada Bari warfidiyeen ka ahay…”

“Ma siddeed ku dhan?” “Siddeed ku dhan. Muddadaasna dad badan baan la kulmay. Arrinta ugu yaabka badan ee aan ogaadayna waxaa weeye: haddii aad tihiin afrikaanka, xataa kuwa idiinku aqoon sarreeya, waxaad ku mashquulsan tihiin wax ay cid kale idin yeeshay ama idin tartay. Maxaad sidaas isugu kalsooni xun tihiin? Maxay idiinla weyn tahay waxa ay cid kale idinku samaynayso ama idiin samaynayso, ee aad u yaraysataan waxa aad qudhiinnu naftiinna taraysaan ama yeelaysaan?”

“Waan kaaga mahad naqayaa dhaliisha, waayo waxaa ka muuqata nasteexo. Waan kugu raacsan ahay in ay taa wax badani ka jiraan, laakiin mushkiladdu iyaduna waa wax jira, waa culays na saaran oo aannaan isdiidsiin karin.”

“Kollay annagu, Maraykan ahaan, culays aanu idin saarnay ma arko. Ma aan moodayn in ay inaga dhexeeyaan wax aan ahayn saaxiibnimo. Maantaba Dekedda waxaa ku xidhan markab idiin sida kumanyaal tan oo quud ah.”

Markabka saliidda iyo daqiiqda badan sida Raage wuu og yahay, laakiin isagu deeq nololeed u ma arko ee wuxuu u arkaa sun lagu dhimanayo. Foqorada gaajaysan la ma siiyo ee taliska ayaa la siiyaa si uu u sii iibiyo oo miisaaniyadda cadaadiska bulshada ku baxda ugu kabto. Suuqyada ayuun baa lagu arkaa kiishash ay ku qoran tahay “Deeq Maraykan”. Waa mid ka mid ah siyaabaha xukunka xasuuqa umadda u dhisan ee danta aan hagaagsanayn laga lee yahay lagu ilaaliyo. Kiish kasta oo deeqdaas ahi markiiba wuxuu isu rogaa xabbad qof soomaaliyeed disha.

Toddobaatanaadkii Maraykanku taliska askarta col ayay la ahaayeen iyaga oo ku eedayn jiray kelitalisnimo. Runtu se waxay ahayd dantooda ayay ka waayeen. Siddeetanaadkii waxay ku tilmaameen “saaxiib lagu tiirsan karo”, waayo dantooda ayay ka heleen, waxayna bilaabeen si walba in ay u ilaashadaan. Laakiin taariikhdu waxay ka marag kici sagaashanaadka marka ay dantooda ka dhammaystaan in ay sidii xanjo lagu daalay u tufi doonaan.

“Waan hubaa in aad og tahay qof in lala saaxiibaa in ay ka duwan tahay ummad in lala saaxiibo. Haddii se aad xidhiidh wanaagsan labadeenna ummadood la jeclaan lahayd u sheeg dadkaaga dibindaabyada maamulkoodu shucuubta yar yar, ee aanu ka midka nahay, ku hayo”, waxaa si cabasho u dhow u yidhi Raage.

“Sida aan og ahay waad ka la qaybsan tihiin, qayb idinka mid ah ayaana deeqdaa iyo hubka abaal noogu haysa. Haddii aanu hubkaa iyo deeeqdaa siin lahayn qaybta aad adigu metelaysid, oo sida muuqata ah mucaaradka, waad soo dhoweyn lahayd, sow ma aha?”

“Ka soo qaad in ay sidaas tahay, laakiin yaabku taas ma aha ee waa idinka oo aan joogi karin jeer aad laba kasta oo aad awood dhaantaan abley isugu dhiibtaan. Labada qaybood ee aad xustayna waa siyaasiga ee waxaa aad uga badan ugana muhiimsan bulsho weynta nolosha iyo nabadda u baahan.”

“Anigu waxaan ahay warfidiyeen, maamul aanan ka tirsanayna intaas wax ka badan ma difaaci karo. Waa se dabiici hadba quwadda dunida ugu weyn in sharka oo dhan loo aaneeyo. Adigana waxaa kaa muuqata in aad si aad ah nooga niyadxun tahay.”

“Aad baan u jeclaan lahaa quwadda maanta dunida ugu weyni in aanay dhimashadayada ka talin.”

“Waa taas sababta aan kuu lee yahay waad naga niyad xun tahay. Maxaanu dhimashadiinna uga talinaynaa ee aad na yeesheen? Ma laga yaabaa cilladda oo dhami in ay tahay baqdin horumarkayaga kaa haysa?”

“Sida ay caadi u tahay in awoodda dunida ugu weyn sharka oo dhan loo aaneeyo ayay dabiici u tahay qalqaalli xoog weyni in uu ku cabsi geliyo. Xooggana waxaa laga ma maarmaan u ah xilkasnimo, sidii uu nin soomaaliyeed gabadh ugu heesay: ‘Deeq weeye quruxduye, denbi yaanay kugu noqon’.”

In kasta oo ay macnodarro weyn tahay qaddiyad noocaas ah in lagala doodo shakhsi aanay waxba ka khusayn, haddana waa muhiim Afrika dhibaatada ay gumaysiga cusub ku qabto xallinteeda in ay la kaashato shakhsiyaadka wanaagsan ee bulshada caddaanka ku jira, ayuu Raage rumaysnaa. Saamaynta ay kuwaasi arrinta ku yeelan karaan ka ma yara ta kuwa la siman ee reer afrika. Awoodda dhaqaale, warbaahineed iyo xorriyadeed ee ay qolada hore haystaan qolada dambena ka maqani waa xaqiiqo mug weyn. Waa ay ka la duwan tahay in isha dulmiga la gufeeyo iyo in marka uu dulmigaasi soo fatahmo la iska mooso.

Laakiin si ay dood noocan ahi macne uun u yeelato, ma yahay Peterson kuwii la kaashan lahaa? Ma ka mid yahay kuwa iimaanka qaba ee danta ka leh wanaajinta xaaladda dunida? Mise waa kuwa hurda ee aan waxba ogayn? Mise waaba kuwa haysta aragtiyaha arxanka daran ee la eeday? Midabtakoorka raba in ay dadka iyaga ka duwan jiritaankooda xididdada u siibaan, shirkadaha leh danaha dhaqaale (sida kuwa ka ganacsada hubka, maandooriyaha, macdanaha iyo dawooyinka) intaba dhaawacooda dhiigga lihi korka madow ee Afrika wuu ku yaal.

“Waa ay wanaagsanaan lahayd in aynu mar kale kulanno, laakiin nasiibdarro berriba waan dhoofayaa. Yaa se og, waxaa dhici karta mar kale in aynu isaragno”, ayuu Peterson Raage ku sagootiyay markii uu Wasaaradda Waxbarashada horteeda baabuurka u joojiyay.

Raage mar kale ayuu ka mahadnaqay soo qaadista. Markii uu Peterson baabuurka hore u sii cayntaariyay isaguna waddada ayuu dhanka kale u gooyay.

Laba qof hadba inta ay cududda ku ka la awood sarreeyaan in la’eg ayay codkana ku ka la awood sarreeyaan. Si kasta oo ay doodda naxli uga dhawraan, iskuna dayaan in ay kor u qaadaan, waxay noqotaa uun cabasho daciif iyo digasho nin adkaaday. Raage iyo Peterson mid waliba saaka qorraxda hoosteeda wuxuu ka joogaa inta uu ku lee yahay.

Dad badan ka ma uu aqoon wasaaradda, waxaa se jirtay gabadh wasiirka xoghayn u ah oo ay isku dugsi ahaan jireen, intii ka dambaysayna siyaalo dhawr ah u kulmeen. Wuu og yahay in aanay lahayn awood ay wax badan ku la qaban karto, laakiin danta keliya ee uu maanta u socdo waa ay ka caawin kartaa, oo ah in uu wasiirka la kulmo. Wuxuu sitay arji uu ku codsanayo in maamulka dugsiga isaga lagu wareejiyo, mar haddii uu ninka halkaa ku amarkutaagleeya isagu ka shahaado iyo aqoon sarreeyo.

Xoghayntu wax walba Raage waa ay la qabatay sidii uu wasiirka u la kulmi lahaa, dadaalkeeduna wuu midho dhalay. Maalintii uu halkaa tegay laba cisho ka dib ayaa la ballamiyay.

Berigaas waxaa lagu haftay badweyn musuqmaasuq ah, Wasaaradda Waxbarashaduna ma ay ahayn ta wasaaradaha ugu ladan. Laakiin wasiirka uu maalintaa la kulmay wuxuu u qaabbilay si xushmad leh haddii loo eego xushmad darradii xafiisyada taallay. Mushkiladda dugsiga sida ay cid kasta oo in ay wax ka qabato isku dayday ugu guuldaraysatay, iyo sida uu ugu niyadsan yahay in uu meel caafimaad qabta ka dhigi karo haddii maamulka isaga lagu wareejiyo, ayuu wasiirka u sharxay. Wasiirkuna wuxuu sheegay wasaaraddu in ay lee dahay guddiyo u xil saaran kormeerka, soo qiimaynta iyo ka soo warbixinta xaaladda dugsiyada, laakiin uu fikraddiisa muhimad siin doono, codsigiisana hoos u eegi doono.

Ballanqaadka wasiirku waxoogaa rajo ah ayuu Raage geliyay, rajaduna aad ayay uga wanaagsan tahay quusta.

***

Toddobadii aroornimo ayaa albaabkeeda la garaacay, laakiin loo ma soo gelin. Waxay indhaha ku ka la qaadday iftiinka qorraxda qolkeeda buuxiyay. Jimicsi ayay sariirta isku ka la bixisay eegmadana la raacraacday daah cad oo khafiif ah oo ay daaqadda furan neecawdu cayaarsiinayso. Waa ay yar fekertay riyo macaan oo ay hurdada ku aragtayna damacday in ay xasuusta ku soo celiso, waa ay se ugu soo wada noqon wayday.

Barkintu meeshii loogu talo galay iyo madaxa u ma taal ee iyada oo laabta ugu jirta ayay labada gacmood ku xantoobsan tahay, markii ay dareentayna waa ay isku sii cadaadisay. Hamaansi yar iyo jimicsi wadajir ah ayay mar kale iska la bixisay oo jeclaysatay in ay sii yar seexato, haddana inta ay iscanaanatay si firfircoon sariirta uga boodday.

Googgarad cad oo igasiib ah ayay ilaa naasaha dushooda kor u jiidday, dabadeed dhankii albaabka u dhaqaaqday. Intii aanay qolka ka bixin waxay ku hakatay kalaandariyad derbiga ku dhegsan, waxayna jalleecday maalinta Sabtida, sagaalka bisha, ee qalinka cas ku goobaaban. Daaradda ayay u soo baxday, waxayna xadhigga dharka lagu wadho ka tiigsatay tuwaalkeedii qubayska.

“Deeqa, miyaanan boqol jeer ku odhan qaawanaan qolkaaga ha kaga soo bixin?” waxaa ku canaanatay hooyadeed Maryan oo daaradda quraac ku diyaarinaysa.

“Hooyo imika miyaan qaawan ahay? In aan sidaas guriga ku dhex maro maxaa ku jaban?”

“Waad qaawan tahay, maxaad u qaawanaan wayday? Bal sida aad tahay eeg!”

“Hooyo macaan, waxaaba saaka waa la igaga daran yahaye, welwelka aan qabo maba ogide…”

Maryan waa ay garanaysay waxa ay gabadheedu ka welwelayso. “Alla inantu fulaysanaa! Dee aniga ayay iga raacday, dunida ma qof iga fulaysan baa ku nool? In ay i dhaanto ayaan moodayay”, ayay iyadii oo musqusha sii gelaysa maqashiisay.

Markii ay qubayska ka soo baxday hooyadeed quraacdii waa ay diyaarisay.

“Yaadan daahin ee dhakhso u quraaco, Deeqa. Baqdinta aad sheegaysidna iska saar. Dhiirranaantii aad ku faani jirtay meeday? Fariid iska dhig oo waxii aad intaa soo baranaysay maanta muuji.”

“Ilaahayow ardayda iyo macallimiintaba dad fiican iiga dhig!” “Deeqa, fariid iska dhig oo waxa aad taqaan oo dhan maanta muuji, nacnacna sii muudso baqdinta ayuu kaa yaraynayaaye.”

Dugsiga sare ee ay shaqada qaranka ka bilaabayso shalay ayay tagtay, waxayna ku la kulantay maamulaha oo si fiican u qaabbilay. Dhawr macallin oo halkaa joogay salaan isuma ay dhaafin waayo waxay ku mashquulsanaayeen diyaarinta sannad dugsiyeedka.

Muddadii nuse saacaha ahayd ee ay shalay halkaa joogtay maamulaha waxay ka dareentay dabeecad macaan iyo furfurnaan. Warbixin wanaagsan oo ay u baahnayd ayuu ka siiyay hawlaha dugsiga iyo arrimaha ku saabsan shaqada ay bilaabi doonto. Waxa ay se kaga xumaatay sida uu isugu dhex darayay shaqada iyo nolosha shakhsiga. Dhawr jeer ayuu quruxdeeda faalleeyay, iskuna dayay in uu ammaano, taas oo ay hubtay in uu shukaansi uga dan lahaa. Laakiin boqollaalka macallin iyo arday ee ay saaka la kulmi doonto isaga ayaa ah qofka keliya ee ay barasho hore kaga talogelayso.

Siddeedda ayay shaqadu bilaabanaysaa iyada oo rubuc dhiman ayayna Deeqi dugsiga soo gaadhay. Garbosaar iyo dirac buluug ah, googgarad cad oo faraqeedu gondaha ka dhoollo caddaynayo iyo kabo midabka xareedda leh ayay ku shaqlan tahay. Timo aad u madow oo inta ay si wanaagsan u shanlaysay dib u saydhay ayaa garbaha salaaxaya. Waysaaqyo dahab ah oo caleen laga naqshadeeyay ayaa dhegaha ka babbanaya, silis isaguna dahab ah oo dhumuc yar ayaa qoorta galgalanaya carrabkana naasaha dhexdooda ku la jira oo aad mooddaa in uu leefleefayo. Udgoonka cadar khafiif ah oo la moodo in ubax sarmaaneed laga soo tuujiyay ayaa gelbinaya. Markii ay irridka ka soo gashayba waxay aragtay arday aad u tiro badan oo barxadii dugsiga ceegaagta. Faduusha wiilasha shukaansi baradka ah iyo eegmada hablaha yaryar ee bilicdeeda ka masayrsan ayay sii dhex jibaaxday iskana indho iyo dhego martay. Waxay ku tibbatay halkii ay xafiiska maamulka ku ogayd. Koox macallimiin ah oo si xiiso leh isu dhundhunkanaya ayay afka ka bariidisay horena u sii dhaaftay. Jaranjarada xafiisyada markii ay sallaankii koowaad cagta saartay ayuu nin hoos u soo degayaa ka hor yimid. Indhaha ayay indhaha isugu dhufteen, iyaga oo aan ka la jeesan ayay labadooduba xawliga tallaabada dhimeen, markii ay sinnaayeen ayay isku mar socodka gooyeen, wuxuuna kaga horreeyay:

“Subax wanaagsan!” “Wacan oo wanaagsan!” Arag wanaagga cod macaanka ayay kaga dartay, ayuu ku fekeray. Wuu maleeyay in aanay ardayad ahayn, wuxuuna wayddiiyay:

“Ma shaqaad bilaabaysaa mise booqashaad u timid?” “Macallinimo shaqo qaran ah ayaan bilaabayaa.” Jawaabta wuxuu ka helay macne iyo dhadhan aad uga badan kii ay caadi ahaan yeelan lahayd, farxad aad u badan ayaana dhiigga iyo dhuuxiisaba dhex roortay. Buugaag uu gacanta midig ku sitay inta uu bidixda u wareejiyay ayuu gacanqaad u soo taagay.

“Waxaa la i yidhaahdaa Raage Xirsi, dugsiga ayaan macalin ka ahay. Barasho wanaagsan!”

“Anigana Deeqa Warsame. Barasho wanaagsan!” Jaranjarada laba qof oo keliya ayaa isku weydaaran kara, iyaguna waxay isu taageen si iska soo horjeed ah oo marinkii xidhay, laakiin waxaaba ma ay ogayn. Iyadu derbiga jaranjarada ayay gacanta ku cuskatay isaguna ka ka soo hor jeeda ayuu dhabarka ku tiiriyay, buugaagtiina inta uu labada gacmood isugu geeyay ayuu sidii qof uu jecel yahay laabta ku qabtay.

“Maxaad dhigi doontaa?” ayuu wayddiiyay. “Xisaabta ayaan ku wanaagsan ahay, laakiin bal horta maammulaha ayaannu isla eegaynnaa.”

“Xisaabtu waa maaddo aan ku liito, qof ku wanaagsan marka aan arkana waan xasdaa,” ayuu yidhi.

Waa ay ilko caddaysay, quruxda afkeeduna fallaadhii Raage wadnaha ka qotontay ayuu ku sii gilgilay.

“Adigu maxaad dhigtaa?” ayay wayddiisay. “Soomaaliga iyo suugaanta, iyo mar mar af ingiriisida ah.” Macallin ayaa jaranjaradii hoos ka soo qabsaday. “Waa aynu sheekaysan ee soo dhowow, guul ayaanan kuu rajaynayaa!”

“Mahadsanid!” ayay u celisay oo dhankii xafiiska u sii dhaqaaqday.

Arday, barayaal iyo maamul waxaa lagu kulmay barxaddii dugsiga. Barayaasha iyo maamuluhu waxay tubnaayeen ardaydii safnayd horteeda, calanka hoostiisa. Calanku waa duug faraqyo yeeshay midabkii buluugga ahaana inta uu caddaaday xiddigtii ku milmay oo isu ekaaday.

Qaar badan oo ardayda ka mid ahi dugsiga waa ay ku cusub yihiin oo meelo kale ayay ka soo beddesheen ama dugsiga dhexe ayay ka soo gudbeen. Waa arday ka ka la timid qoysas ka la nolol iyo duruufo duwan, balcadda ayaa ah caddaaladda keliya ee ka dhexaysa. Eegmo aamusan ayay indhaha kurayadu ku dabbaalanayaan gabdhaha dugsiga ku cusub iyo kuwii hore ee ay fasaxa ku ka la raageen, iyaguna jalleeco ismuujin iyo khajilaad labadaba leh ku soo jawaabayaan.

Diiriye ayaa khudbaddii qaatay kuna bilaabay salaan iyo soodhoweyn uu barayaasha iyo ardaydaba u jeediyay. Wuxuu wax ka sheegay qaabka waxbarashada dugsiga, wuxuuna ka digay anshaxdarro iyo sharci jebin kasta oo lagu kacaa in ay keeni doonto in dugsiga la iska eryo.

Anshaxee? Sharcigee? Diiriye sow Diiriye uun ma aha, miyuu isa soo beddelay? Hadaltirada aan macnaha lahayn ma naftiisa ayaanu ka la xishoonayn mise dadkan yaqaan ee uu haddana sidaas u la hadlayo? Malaha labadaba.

Raage isaga oo macallimiinta ku dhex jira ardaydana ka soo hor jeeda ayuu dareemay degganaansho la’aan aad u weyn. Garabkiisa bidix ayuu milicsaday, eegmadiisuna waxay la kulantay laba indhood oo xaggiisa ku soo maqan. Waa Deeqa. Degganaansho la’aantii ayuu sabab u helay, waa muuqaas oo uu u hiloobay, mar kale ayayna neecaw farxad lihi wadnihiisa martay. Meeshii laga raacay halkaas ayay ahayd. Wuxuu ka baqay garaaca durbaanka la moodo ee wadnihiisa in la maqlo, wuxuuna ku dadaalay in uu dareenkiisa kacsan dejiyo.

Khudbadii Diiriye oo sannad la dherer ahayd waa ay soo gabagabowday, fasalladii ayaana loo ka la dareeray. Raage wuxuu galay xisadii ugu horreysay sannad dugsiyeedka oo ahayd suugaan. Markii uu irridka ka soo galay ardaydii fadhiga ayay ka oogsatay.

“Sannad dugsiyeed wanaagsan!” “Wanaagsan!” “Fadhiista!” ayuu yidhi isaga oo alaabtii uu gacmaha ku sitay miiska ku ka la hagaajisanaya.

Si aad ah ayay naftiisu u kacsanayd, wuxuu se hubay in aanay soo marin subax uu shaqadiisa ka jecel yahay. Wuxuu isku mashquuliyay rogrogista buuggii miiska u saarnaa, degdeg ayuuna u gudogalay guudmar ku saabsan muqarrarka sannadka. Wuxuu ardayda u soo jeediyay wayddiin uu farwaaweyn sabuuradda ku qoray: “Waa maxay suugaan?”

Jawaabaha lagu ma degdegin, waa sannad dugsiyeed cusub iyo caadadii oo waa la ka la khajilayaa. Si uu dhiirrigelin u sameeyo ayuu qaar ardayda ka mid ah farta ku fiiqay. Dabadeed qunyar qunyar ayay dhedadii qaboobayd u kacday, jawaabo darandoorri ah ayaana iska soo dabo dhacay. Qofba meel ayuu ku dhuftay, qofbana si ayuu erayga suugaan ku macneeyay.

“Suugaan waa aynu wada naqaan oo sida aad sheegteen waa hadal dhadhan leh oo dareen xambaarsan. Laakiin suugaanta iyo hadalka caadiga ah maxaa ka la saara?”

Cabbaar kale ayaa la isla jiidjiiday, laakiin ardaydu taa waxay ka jeclaayeen in uu macallinku wax u sheego, wax ay soo qaybaan. Sidaas ayaa ah weligeedna ahayd dhaqanka wax lagu barto, taas oo dhasha aqoon tayo xun oo barako daran.

“Suugaantu ma aha, sida sayniska, wax shaybaar la geliyo oo natiijo kamadambays ah iyo qaacido la isku raacsan yahay leh, ee waa fan uu qof waliba sida uu doono u arko, sida uu doonana u dhadhansado una fahmo”, ayuu yidhi kuna daray: “Suugaantu waa habka ugu quruxda badan, ugu qotada dheer, runtana ugu dhow, ee loo hadlo dareenkana loo cabbiro. Baahidii uu aadamigu u qabay in uu shucuurtiisa cabbiro, xanuun iyo farxadba, ayaa sababtay, sida ay i la tahay, in ay hadalka ka dhex abuuranto qayb gaar ah taas oo ah suugaanta.

Sida dareenka loogu muujiyo cayaarta iyada oo la adeegsanayo dhaqdhaqaaqa xubnaha oo isu miisaaman, si la mid ah ayaa dareenka loogu muujiyaa suugaanta iyada oo markanna la adeegsanayo hadal si uun isugu miisaaman. Waana isla ujeeddada mar saddexaad loo abuuro farshaxanka.

Fanka iyo suugaantu waa awood yaab leh oo aragta wax aan caadi loo arki karin, tilmaantana wax aan si kale loo tilmaami karin. Waa riyada, fekerka, farxadda murugada iyo guud ahaan dareenka qofka oo la soo tuujiyo. Waa weynaysada lagu arko iyo ilayska lagu ifiyo wax jira oo aan si kale loo arki karin. Fanka iyo suugaantu waa wax suurtogeliya in arrimaha iyo dhacdooyinka meelo ka la duwan laga eego, si qoddo dheer loo fahmo, lagalana soo baxo macnayaal badan oo ku jira amaba xataa aan ku jirin. Fanka iyo suugaantu waa dun xariir ah oo isu haysa bulshada, mar kale qofka iyo nolosha, mar saddexaadna qofka iyo naftiisa. Waa waxa ku dareensiiya in ay noloshu tahay adiga adiguna aad tahay nolosha.”

Isaga oo sidaas ugu dhex jira sharxidda erayga suugaan ayuu iswayddiiyay meesha uu waxaa ka keenay. Buuggan uu gacanta ku hayo iyo mid kale toonna weli ka ma uu helin wax ka caawiya dood noocan ah, taa darteed waxa uu sheegayo oo dhami waxay ahaayeen aragtidiisa. Waxaa dulmi ah masaakiintan yaryar oo fikraddaada oo tooda la mid noqon karta sideeda u xafidaya, kana dhiganaya cilmi ay ku meel maraan, ayuu ku fekeray.

Markii uu xisadda ka soo baxay weli wuxuu dareemayay farxad iyo fudayd uu mooday in aanu cagahaba dhulka ku hayn. Wuxuu ku dhowaa in uu sidii ilmo yar oo bishii ciidda arkay orod cagaha wax ka dayo. Wuxuu la kulmay saddex macallin oo geedka weyn ee barxadda ku yaal hoos fadhiya. Macallimad taariikhda dhigta ayaa ka cabanaysa ardaydu in aanay maaddadeeda xiisayn.

“Sannad walba waxaan ku tashadaa sannadka xiga in aan qaato maaddo aan taariikh ahayn. Ma waxaa la arkay arday marka buugga loo ka la furo hamaansi afka ka la furanaysa!” ayay ku ashkatootay oo sii raacisay: ”Arday dadaal xun iyo mid damiin ahba wax baa laga qaban karaa, laakiin fasal dhan oo maaddo isku mid ka ah wax lagu sameeyo la garan maayo.”

“Muqarrarkaagu muxuu ku saabsan yahay?” waxaa wayddiiyay macallin kale.

“Waxyaalo badan, sida kacaankii warshadaha, casrigii ifinta, daahfurkii dunida cusub…”

“Waa taas sababta ay ardaydu maaddada u xiisayn wayday”, ayuu hadalka kaga boobay iyada oo cutubyada muqarrarka tirinaysa. ”Qofku ma xiisayn karo wax aan waxba ka gelin.”

Daahfurkee?! Kacaankee?! Miyaa la waashay?! Dadkani waxa ay leh yihiin maa la baro wax khuseeyana loo dhigo? Waa su’aalo had iyo jeer la iswayddiiyo oo madax xanuun abuura. Marar hore ayay macallimiintu taa ka doodeen, mar kastana waxaa lagu gunaanadaa in ay tahay in la helo taariikhyahannadii taariikhda in la barto ku habboon soo baadhi lahaa. Maanta meesha waxaa lagu hayaa xoogaa shisheeye laga bawsaday, kuwaas oo wax u fasiray sidii ay iyagu doonayeen.

Tusaale ahaan qabsashadii reer Yurub ee qaaradaha Maraykanka iyo Ustaraaliya in “daahfur” lagu magacaabaa waa mid ka mid ah majaajillooyinka dunida ugu jaban. Dhulalkaa ay malaayiinta aadamiga ahi kumanyaalka sano ku dhaqnaayeen wiil doon badweyn ku ambatay saaran in la yidhaahdo ”wuu daahfuray” waa isdafirid iyo xiqdi aan wax la barbar dhigi karaa jirin. Ka soo qaad isla waqtigaas in ay doon ay koox hindi ama aborjiin ahi saaran tahay xeebaha yurub daalaadhac ku soo gaadho, dabadeed loo dabbaaldego taariikhdana lagu qoro in ay iyagu Yururb heleen! Laakiin hore ayaa la isugu raacay taariikhdu sideedaba in ay tahay hadba ka adkaadaa waxa uu qoro, taas oo taariikhda qudheedii qiimaha ka qaadday.

Raage isaga oo doodda xiisaynaya laakiin aan weli wax ku darsan ayuu arkay Deeqa oo geedka dhinaca kale ka soo gelaysa, wuuna u dhoollo caddeeyay si uu ugu dhiirrigeliyo in ay xaggiisa u soo gudubto, taana wuu ku guulaystay.

“Uuuh!” ayay si kaftan ku jiro neef culus u soo afuuftay iyada oo kursi agtiisa ka bannaan fadhiisanaysa.

“Ma soo samato baxday?” ayuu wayddiiyay.

“Si wanaagsan.”

“Maxaad gashay?”

“Xisaab, nasiib wanaag.” Khajilaad ayaa weli wejiga ka saaran. Waxay sheegtay in ay baqdin xisadda ka la kulantay ay se ku faraxsan tahay marxaladdii ugu adkayd in ay ka gudubtay. Markii ay sii sheekaysteen Raage waxay u sheegtay in ay qoyskooda la deggan tahay Hawlwadaag, oo ah isla degmadiisa, laakiin waa ka la xaafad, waa isku waddo laakiin isaga ayaa in door ah shisheeya.

Mar haddii ay isku waddo noqdeen maalintaas wuxuu aad u xiisaynayay in ay isku sii lug daraan, laakiin markii shaqada laga baxay wuu waayay. Markii uu guriga tegay, ee qadada ka dib sidii caadada u ahayd damcay in uu yar seexdo, ayay Deeqi maskaxdiisa dhaanto ku tumatay, iyada oo iskeed albaabka isaga soo furtayna qolka ugu soo gashay, sariirtana dhinac kaga soo seexatay. Araggeedu wuxuu ku abuuray kalgacal kediso ah oo madaxiisa mijo u rogay dabayshana raaciyay qurux kasta oo uu naag kale u qirsanaa. Maalmihii uu shaqada bilaabay wuxuu bartay gabadh uu si aad ah u jeclaaday. Markii ay muddo aan bil ka badnayn isyaqaanneen ayay guur soo jeedisay, isaguna wuxuu ku taliyay in ay dib u dhigaan inta uu dhaqaalihiisu isbeddelayo. Iyaga oo weli guurkooda ka doodaya ayay maalin si lamafilaan ah ugu sheegtay in ay aroos ku casuntay; arooskeeda. Nin Sacuudiga ka soo degay ayay guursatay.

Gabadhaa hore in kasta oo uu jeclaa haddana markii ay tallaabada waallida ah qaadday hantaaqadeeda dhakhso ayuu uga soo kabtay. U ma uu naafoobin laakiin mana uu illaawin, intii dambena gabadh kasta oo ay kulmaan iyada ayuu xagga quruxda ku dhererin jiray. Laakiin Deeqi fursad uu cid kale ku dhinac dhigaba ma ay siin, waxay la mid ahayd dabayl badweyn kaga kacday doontii yarayd ee noloshiisana iskeed u daaddihisay.

Maalintii labaad waxaa ka go’naa qorshihii uu shalay ku hungoobay ee ahaa in ay Deeqa isa sii raacaan. Wuxuu u baahnaa in uu abuuro jawi isbarasho oo shaqada ka baxsan. Cabbaar ayuu xafiisyada hortooda ku sugay, mawjad arday iyo barayaal ah isaga oo ka dhex eegeegay ayuu arkay qudheedii oo meel dhow ka soo dhoollo caddaynaysa.

“Shalay waxaan islahaa aad isa sii raacdeen mar uun baa se lagu waayay”, ayuu ku yidhi.

“Haa, waxaa i qaaday maamulaha.” Waa dabeecadda Diiriye gabadh kasta oo dugsiga ku cusub, ardayad iyo bare ta ay ahaataba, in uu sidii qof derderan madax madax isugu tuuro. Raage markii ugu horreysay ee uu Deeqa arkay wuu isa siiyay, in ay cid kale ka xigsan kartana talada uguma ay jirin, sidaas darteed warku dareenkiisa wuxuu ugu dhacay si culus. Si qalad laga dhadhansan karo ayuu u wayddiiyay: “Oo haddaa maantana miyaanu ku qaadayn?” “Maya, u ma baahni. Israacista ayaan ka jecel ahay isqaadista.” “Haye?” “Israacistu waa xaalad isu dheellitiran, laakiin isqaadista waxaa ku jiri karta iscuslayn ama isu abaal sheegad, mana jecli in aan cid cusleeyo iyo in la ii abaal sheegto toonna.”

Iyaga oo wada socda ayay dugsiga ka baxeen. Waxay ahayd labadii duhurnimo qorraxduna aad ayay u kululayd. Markii ay waddadii ay baska ka raaci lahaayeen gaadheen waxay fadhiisteen makhaayad oo ay laba faanto ah ka dalbadeen. Waxa ay aragtay isaga oo gacanta jeebka ku sii wada si uu cabbitaanka u bixiyo, dabadeed inta ay boorsadeedii ku boodday ayay tidhi:

“Aniga ayaa inaga bixinaya, Raage.” “Aniga ayaa jeebka ku horreeyay ee lacagtaada cesho. Mise waxaad ka baqaysaa in aan kuu abaal sheegto?”

Waa ay garatay in uu hadalkeedii hore hibanayo. “Gefna ha igu ahaato ee sow run ma aha had iyo jeer raggu waxtarka hablaha in ay ka leh yihiin dan xaraan ah?”

“Dan sidee xaaraan u ah?”

“Danaysi.” “Ma khasab baa ninka aad biyo wada cabtaanba in uu kaa lee yahay dan xaaraan ah?”

“Haa, ilaa ay si kale noqoto, taas oo aan badanaa dhicin.” “Haddii ay sidaas tahay xaalku waa laba mid uun: in aad nasiib xun tahay oo aad rag danaystayaal ah la kulantid, iyo in aad shaki badan tahay oo aad ragga ka aammin baxsan tahay.”

Waa ay yar qososhay, laakiin isagu la ma uu qoslin ee quruxda afkeeda ayuu ku maqnaa. Qaladii iyo cabsidii ay shalay shaqada ku bilawday waa ay ka baxeen, imika waxay u deggan tahay sida bisad rabbaayad ah. Wuxuu jeclaystay in uu dhabannada ay marba timaha ku soo dhacaya ka xaydayso ka salaaxo.

“Anigu weli fikraddaydii hore ayaan haystaa. Waxba se yaynnaan weerar iyo weerarcelis noqon ee labada cilladood ee ay ku la tahay in aan middood qabo cilinkooda ma bixin taqaan?”

“Ilaahay wuu i baray.” “Haye?” “Nin walba qof wanaagsan u arag jeer aad xumaan ka aragtid, nasiibka wanaagsanna ku mintid si uu ka xumi kaaga leexdo.”

“Waa yahay, waa talo wanaagsan oo aan qudhaadan kaa bilaabayo.”

“Waxba ka ma qabo, barasho horteed se ha i nicin.” “Adigu ha isxukumin ee aniga ii daa. Ta barashada se qof aadan saacad ku baran sannad ku ma baratid.”

Hadalkaa dambe waxay ku tidhi cod aad uga duwan kii kaftanka ahaa ee ay awal ku wada hadlayeen. Si ay mar kale jawiga haasaawe ugu soo celiso ayay iyada oo yar qoslaysa si debecsan dhabarka uga dhirbaaxday debeddana u la dhaqaaqday.

“Waa maahmaah mar aad u run badan marna aad u been badan. Laakiin barasho wanaagsan!”

“Barasho wanaagsan!” ayay tidhi, oo ay sidii dad imika kulmay isu gacan qaadeen.

Intii ay baska sugayeen Deeqi waxay ka sheekaysay taariikh nololeeddeeda. Waxay sheegtay in ay Xamar ku dhalatay, curadna u tahay walaalaheeda shanta ah, imikana qoyskooda la nooshahay. Waxay kale oo sheegtay in ay ku talo jirto marka ay shaqada qaranka dhammayso in ay Lafoole gasho oo macallinnimo barato. Isaguna markii uu bilaabay in uu wax isaga sheego ayuu baskii isa soo taagay waana ay ku boodeen. Markii ay degtay, ee ay isa sagootiyeen, aad ayuu u faraxsanaa, gurigana wuxuu tegay isaga oo niyad wanaagsan.

***

Waxaa jirta isbarasho ku timaadda ogaan la’aan, iyo mid ku bilaabata cagojiid, iyo mid saddexaad oo digtooni iyo hubsiino ka horrayso. Waxaa se jirta mid la moodo in hore loo sii ballansanaa oo si dabiici ah haddana dhakhso ah u dhacda. Noocan dambe waxaa ahayd ta Raage iyo Deeqa. Maalintii isbarashadooda dhawr cisho ka dib, habeen ay shineemo ka soo wada baxeen, markii uu guriga ku soo dhoweeyay ee sagootiyi lahaa ayay ku tidhi:

“Inta aad sida tuugga marba mugdi iskay hor taagaysid guriga igu soo booqo.”

“Ku ma dhaco, adigana dhab kaa ma aha”, ayuu u celiyay. “Maxaad ugu dhici wayday, maxay se dhab iiga ahaan wayday?” “Dhaawac waan isku hubaa ee dhimasho ma ka badbaadi lahaa?” “Walaashaa waxa aad ka yeeli lahayd baad sheegtay, laakiin gurigayaga dhaawac iyo dhimasho toonna ka la kulmi maysid ee waa lagugu soo dhoweynayaa.”

“Malaha waad i shirqoolaysaa?” “Runtii odayga iyo islaanta i dhalay in aan sheekada la dhuunto waxay ka jecel yihiin in guriga la iigu yimaaddo.”

Fikraddu Raage waa ay ku kedisay, waayo gabadh gurigooda lagu la sheekaysto wuxuu u haystay dhaqan aan caadi ahayn. Isagu wuu rumaysnaa isbooqashadu in ay tahay dhaqan ka hufan kana daacadsan dhuumaalaysiga dhallinyarada iyaga oo aan xumaan samaynayn lagu khasbo. Sidaas oo kale wuu ogaa qoysaska magaalada qaarkood in ay taa caadi u arkaan, sidii Rooble. Laakiin Warsame mar haddii uu yahay nin miyi ka soo jeeda tacliinna aan lahayn wuxuu u arkayay dhaqanraac aad u dambeeya. Martiqaadka maalintaa in uu aqbalo ku ma dhiirran jeer ay u sheegtay labadeeda waalid in ay jiraan siyaaradii Sheekh Aweys ee Biyooley oo ay maalmo ku maqnaanayaan.

Galabtii uu soo booqday guriga waxaa joogay iyada iyo walaasheeda lix jirka ah oo keliya, carruurta kalena debedda ayay ku maqnaayeen. Waxay ahayd abbaaro afartii galabnimo qorraxdu kulushahay. Gabadha yar ayaa albaabkii uu garaacay ka furtay gudahana u hor kacday. Markiiba waxaa dhegihiisa ku soo dhacday hees hallaasi ah oo ay laba fannaan oo cod baxsani darandoorri ugu luuqaynayaan.

Qolka uu soo galay, oo ah kii fadhiga, waxaa daadsan roog aan qaali ahayn oo ay saboolnimo ka muuqato. Kuraas fadhi arag san laakiin duug ah ayaa miis qudhiisu duug ah ku xeeran. Miiska waxaa ku goglan maro cad oo leh daabac ubax cagaar iyo casaan isugu dhafan. Miiskaa ayuu rikoodhka dananayaa saaran yahay. Kursi kale oo daaqadda ku sii jeeda debeddana laga daawan karo ayay Deeqi ku fadhidaa, heesta baxaysa ayayna dhegta u raaricinaysaa oo isku dayaysaa in ay erayada iyo laxanka isku xafiddo. Halkaas ayay ku soo dhoweysay oo casariye hayl leh iyo sheeko ugu listay.

Dhar iska caadi ah ayay gashan tahay, timuhu dib ayay u guntan yihiin, isqurxin dheeraad ah oo ay booqashadiisa ugu talogashayna ka ma muuqato. Diraca ay gashan tahay haddii indho sida kuwiisa hunguroonaya laga dusiyo waxaa la arkayaa laab dihin iyo laba naas oo cuddoon oo sida ay u soo fiiqan yihiin ugana soo horreeyaan la moodo in ay lee dahay hoo.

Sheekadu waxay ku yar raagtay ruwaayadda ay heesaha baxayaa ku jireen oo ay isu sheegeen midkoodna in aanu daawan laakiin ay iyadu cajalad ka dhegeysatay. Waxay ahayd ruwaayad Hargeysa ka timid oo, sidii badanaa dhici jirtay, intii aanay Xamar soo gaadhin la mamnuucay.

Intii ay ruwaayadda ka sheekaynaysay isaga indhihiisu daawashadeeda ayay ku durduuranayeen, xubnaheedana ta ay ishiisu ku dhacdaaba waxay ku abuuraysay kalgacal xanuun leh. La joogisteeda wuxuu ka helay liibaan aan xad lahayn, wuxuuna la yaabay sida ay mar qudha fekerka maskaxdiisa oo dhan xakamaha ugu qabatay, ee ay jiif iyo joog ugu diidday. Mar uun ayuu isarkay isaga oo in uu wax kaleba ka fekero diiday, wax kaleba oo aan iyada ahayn, wax kaleba in uu arko aan muuqeeda ahayn, iyo in uu ku raaxaysto maqal kale oo aan codkeeda ahayn.

Ogaan la’aan ayuu cabbaar afkeeda sheekaynaya eegmada ku raajiyay, markii uu arkay in ay dareentayna ku yidhi:

“Deeqa, ma og tahay in aad qurux badan tahay?” Waa ay yar muunsootay. “Taasi su’aal ma aha ee waa ammaan, jawaab keliya ayayna lee dahay oo ah: mahadsanid!

“Mase og tahay in aad cod macaan tahay?” Imika waa ay qososhay, wuxuuna eegmada la sii raacay ilko qurux badan oo leh dhoollo foolasha ka yar gaagaaban cirrid madowna ku qotoma.

“Waaw! Oo cod aan heesini in uu macaan yahay ma la garan karaa?” ayay wayddiisay.

“Kollay anigu waan garan karaa.” “Oo waa sidee?” “Waa cod leh xabeeb khafiif ah, sida kaaga.” Waxay moodaysay hadalka in uu iska yidhi imika se waa ay rumaysatay, waxay ogayd in ay xabeeb yar lee dahay.

“Haddii aad codka sidaas khabiir ugu tahay heesaaga maad caawisid?” ayay tidhi iyada oo isla markaa codkeeda macaanka uu sheegayo ka dhegeysanaysa.

“Waxaa ka horraysa in aan anigu iscaawiyo dumarkana ka la soo baxo mid qurux badan oo cod macaan.” “Sow ma ay ahayn in aad heshid?” “Intaasba sahan baan ahaa, mar uun baanan heli lahaa.” Ma ahayn ninkii kowaad iyo kii tobnaad toonna ee u sheegay in ay qurux badan tahay, laakiin codka macaani waa arrin ku cusub, arrin xiiso leh.

Iyadaba kulankiisa waa laga raacay, waana ay hubtay qacdii ay aragtay quwad xoog lihi in ay xaggiisa u dhufatay. Waa ay hubtay in ay iska dareentay nugayl aan caadi ahayn, oo ay ka heshay wehelnimo ay jeclaysatay in ay weligeed la joogto. Waxaas oo dhan oo ay qabto qiran mayso, muujin mayso, waa Arraweelo iyo mukurkeedii. Dareenkaa xoogga leh in ay muujiso waxaa hakiyay digtooni ay ragga ka qabtay iyo xayndaab ay weerarkooda iskaga xeertay. In kasta oo ay lahayd dabeecad farxad iyo furfurnaan u janjeedha, isla markaa waxay lahayd dhaliil ay qudheedu isku ogayd oo ah shaki ay ragga ka qabtay. Kii bariidiyaba waxay moodi jirtay in uu ka faa’iidaysanayo oo la gaadayo fursad uu kaga danaysto iyadana ku dumiyo.

Iyada oo carruur ah ayay baratay oo aammintay aragtida bulshada ka dhaxaysa ee ah gabdhuhu in ay yihiin laba mid uun: mid faraha laga qaad ah iyo mid dhawrsan. Ta hore baahida nafteeda ayay hoggaanka u sii daysaa, meesha ay riyadu ku furtana eegtaa. Ta dambena dabar adag ayay isku yuururisaa, nabsibax iyo mustaqbal aayo leh ayayna rajaysaa. Xaaladda hore waxay keeni kartaa in ay gabadhu haloosiga nolosha ka ambato, bulshadana dayro ka noqoto. Laakiin ta dambe qudheedu guul dammaanad u ma haysato oo waxaa laga yaabaa mustaqbalka ay talo saaratay in uu weligiiba iman waayo. Natiijaduna marar badan ayay sida la filayo beddelkeeda noqotaa, oo fiidmeertu taajkii Arraweelo waa ay xidhan kartaa.

Deeqi intii ay yarayd ma ay arkayn waddo saddeexaad oo labadaa uu dhaqanku gabdhaha u jeexay u dhaxayn karta, beryahanna waxay ku fekertaa oo keliya ninkii ay si kamadambays ah u jeclaan lahayd iyo guur. In kasta oo ay maanta tahay sagaal iyo toban jir caqli ku filan leh, haddana marnaba ka ma ay bixin cabsi joogta ah oo ay ka qabto in ay burburto. Miyuu jiraa burbur ka weyn in ay gabadh loo hanweyn yahay oo guur u joog ahi reerkooda garac u keento? Baqdintaa da’deeda la kortay waxay ka dhalatay dhacdo murugo leh oo markii ay saddex iyo toban jirka ahayd xaafaddooda ka dhacday oo ay weli xasuusan tahay. Waxaa jirtay gabadh aad u qurux badnayd oo dadku wada jeclaa oo nin u doonnanayd dabadeed nin kale uur aan xalaal ahayn u yeelatay isaguna cidla kaga dhaqaaqay, dabadeed nafteeda iyo nolosha cadawga ahba kaga aargudatay in ay qudha iska jarto.

Taas oo jirta haddana xasuuso kooban oo aanay xataa nafteeda u qiran, kuwaas oo leh midabyada qaansoroobta iyo udugga saxansaxada, ayay mar mar si raaxo leh u daawataa, mar marna Alloow adiga ayaa i asturay ku fekertaa. Mar waxay u aragtaa shil halis ah oo ay ka soo badbaadday, marna dalxiis gaaban oo ay jannada ku soo martay.

Ragga yaqaannay badankoodu shukaansigeeda waa ay ka rajo dhigeen. Marar badan baa ruwaayad iyo filin la geeyay oo gole milge leh lagu haasaawiyay, dabadeed markii geel loo heesay iyadu gorayo u heestay. Gaabsi laga martiyo gabadh bay u tahay, guur loo la yimaaddana gayaan bay u tahaye, marar badan baa labadaba loogu soo fadhiistay. Iyadu ninna ma xumayso ee soo dhoweynta xaqa loogu lee yahay ayay u godoshaa oo hadal macaan u listaa, dabadeed meesha ay la doonto sheekada afka u saartaa. Rag badan oo codkar isu haystay ayaa ku hambaaberay iyada oo dabbaalsiinaysa duni ka fog tii ay kaga soo talogaleen. Aftahanad in ay tahay ma hubto, waxa ay se hubtaa sheekada ragga in ay si fiican u maamuli taqaan, kulan walibana sida ay doonto u dhaco.

Sidaas oo ay tahay intaa nafteeda iyo wadnaheedaba dab ayaa ka huraya, oo harraad aan biyo qaboojin ayay qabtaa. Intaa waxay ku hammiyaysaa nin ay si dhab ah u jeclaato isaguna u jeclaada. Isla markaas waa ay la yaabban tahay sababta ay ilaa hadda ninkaas ragga uga dhex la dahay. Mararka qaarkood quruxdeeda iyo shakhsiyaddeeda ayay xisaab ugu noqotaa. Miyaadan qurux badnayn? Miyaadan dabeecad samayn? Laakiin ha degdegin, guur waa calaf, gabadh kun nin baa xodxota kow baana guursada. Sannadkan oo keliya laba nin ayaa guur ku la soo qaaday, labadaba se adiga ayaa wadnahaaga meel uga waayay.

Raage wuu uga duwanaa tobannaankii nin ee ay isaga hortii la kulantay. Waxay ka dareentay sidii qof ay hore isu yaqaaneen oo ay muddo dheer ka la maqnaayeen dibna u kulmeen. Maalintii ay isbarteen habeenkii xigay oo dhan waa ay ka fekeraysay, oo wax kale iska daa ee shaqadii dugsiga waa ay diyaarin kari wayday. Waa ay rumaysan kari la dahay in uu yahay nin qalaad oo ku cusub oo aanay waxba ka aqoon. Kalsoonida nafteeda oo dhan ayay mar keliya wada siisay, inta sifo wanaagsan qof yeelan karo ayayna u hibaysay. Qof iyada uga aqoon badani haddii uu xumaan uga sheegi lahaa sinaba u ma ay rumaysateen.

Laakiin Deeqa, waa ku sidee? ayay isku canaanatay. Baahida naftaadu yaanay karkaarka ku weydaarin. Af macaani yuu ku hodin oo aafo kugu noqon. Yaadan lumin ee ha liicin. Ha jabin. Ha isdhiibin. Adkayso.

“Shaahii wuu inaga qaboobay”, ayay tidhi iyada oo mar dambe ku hambaabertay in ay eegmo aamusan isku la raageen, labadii bilaale ayay isku mar kor u qadeen.

Soofaha ayay labada dacal kaga fadhiyeen iskana soo horjeedeen, markii horena in bannaan ayaa u dhexaysay. Laakiin imika aad ayay isugu dhow yihiin, jidhkoodu wuu istaaban karaa, neeftooduna waa ay isgaadhaysaa, mana ay ogayn goor ay isku durkeen. Iyaga oo aan weli ka la jeesan ayay laba laba jeer shaahii fiiqsadeen, dabadeed mar kale koobabkii gunta miiska u dhigeen.

“Deeqa, waxaan la yaabban ahay barashadaada iyo la joogistaadu qiimaha ay ii leh yihiin. Ilaa maalintii isugu keen horreysay jacayl qof loo qaado kii ugu weynaa baad igu abuurtay.”

Eegmo aad u nugul ayay indhaha indhaha ugu beegtay, hoos ayay u yar foororsatay, haddana mar kale iyada oo illin godlatay wejigana dhidid khafiif ahi isku dhaashay soo eegtay. Ma ay hadlin, eegmadana ka ma weecin. Calaacasha midig ayuu dhabanka ka saaray, haddana ilaa qoorta kaga salaaxay. Dhidid kale ayaa shax isku siiyay, neeftuna dirqi ayay kaga soo baxday, laakiin isma ay dhaqaajin. Waa besteed ee ma iyadaaba dhaqaaqi karta. Afka ayuu u soo dhuubay si uu u dhunkado, gadaal ayay se isu tiirisay, dibno oomman ayuuna dib u la noqday gacantiina soo ceshaday. Quwad qarsoon ayaa xaggeeda u sii jiidday ilaa uu hoosta ka galay.

“Deeqa, dhunkashadu waa sida ugu runsan ee aan kuugu sheegi karo jacaylka aan rabo in aan kuu sheegto”, ayuu ku baryootamay.

“Imika maya, laakiin waxaad samayn kartaa xaalad aad dhunkasho inta aad doontid xaq iigu yeelan kartid”, ayay u tidhi si hoose oo uu dirqi ku maqlay.

“Ma dhunkasho xaq ah iyo mid xaqdarro ah baa ka la jira?” ayuu wayddiiyay. “Haa.” “Haddii aan ku jecel ahay dhunkashadu miyaanay xaq ahayn?” Ma ay jawaabin. Hadalkii horeba ku talogal la’aan ayuu kaga soo baxay, isilaalintii dabiiciga ahayd ee ku jirtay ayaa ka keentay. In uu kun jeer dhunkado iyo gebigeedba in uu sida nacnaca muudsado oo liqo ayay jeclaan lahayd. Qudhiisu afkeeda iyo uurkeedu in aanay islahayn wuu arkaa.

Mar kale ayuu qunyar dhunkasho ugu holladay, laakiin kediso ayay iyada oo duulaysa uga hor timid oo laabtiisa isku tuurtay. Iyada oo ilmaynaysa oo sidii ay suuxday wada kurbanaysa ayay wejiga qoortiisa ku camcamisay. Qoyaankii illinteeda ayuu dareemay. Inta uu labada gacmood ku soo wada duubay ayuu aad isugu soo cadaadiyay, ilaa uu garaaca wadnaheeda iyo hiinraagga laabteeda dareemay. Sidii qof harraaddan oo xareed helay ayuu dibnaheeda dhunkasho qurquriyay.

“Raage, aniguba intaa in kun goor ka badan baan ku jecel ahay, laakiin maad guur i wayddiisatid inta aad dhunkasho i wayddiisanaysid?” ayay ku ooyday.

Erayadaasi maqalkiisa waxay ugu dhaceen si uu mooday in uu ku riyoonayo, waxayna iyaga oo ifaya u hor mareen sidii wax la taaban karo. Wuxuu jeclaystay in ay ku soo celiso si uu u hubsado.

“Deeqa, ma waxa ay ku la tahay in aad inta aan ku jecel ahay iyo in u dhow toonna i jeclaan kartid?” “In malyuun goor ka badan.” “Intayda iyo in ku dhow toonna ma aad xammili karteen.” Markii uu sidaas lahaa wuu isku sii cadaadinayay ilaa ay isku dhalaaleen, isku milmeen. Iyada oo laabta ugu jirta oo uu sida halaqa labada gacmood dhan walba u xulinayo ayuu goor dambe ku miyirsaday iyada oo leh:

“Raage, waa ceeb! Waan ku jecel ahay laakiin yaan dad anshax xun la ina moodin ee i sii daa.”

Mar hore ayuuba illaawey meel uu joogo iyo in uu marti ahaa. Wuu nasiib badnaa waayo isla markii uu sii daayay waxaa soo galay Cawil oo ah da’da Deeqa ka yar. Isaga iyo Raage waa ay isyaqaanneen waayo dugsiga ayuu dhigtaa. Waa nin xishood badan. In kasta oo uu walaashiisa ka weyn iyo macallinkaba xushmeeyo, horena wada socodkooda uga war hayay, haddana markii uu arkay iyaga oo aad isugu dhow in uu xanaaqay wejigiisa iyo ficilkiisaba waa ay ka muuqatay. Inta uu si aan diirranayn Raage u salaamay ayuu isaga oo aan wejigiisa eegin lana hadlin qolkiisa degdeg u galay oo kubbad ka soo qaatay, dabadeed isaga oo aan hareeraha eegin degdeg u baxay.

“Markii uu qolka galay waxaaban mooday in uu hub ii doontay”, ayuu Raage ku kaftamay.

“Haddaa maxaad u carari wayday?” “Aniga oo sii ordaya intii aan dhiman lahaa aniga oo soo fadhiya aan dhinto. Waxa ay se noqon lahayd shirqool aad ii dhigtay, waayo adiga ayaan marti kuu ahay.”

“Cudur aad wada qabtaan Cawil gooni ha uga dhigin, sidaas ayuu weliba idinku wada dhaamaa. Horta marka aad aragtaan nin gabadhiinna la hadlaya maxaad uga hinaastaan sidii aad idinku shukaansan lahaydeen?”

“Mas’uul baanu idinka nahay.” “Oo yaa nooga kiin dhigay?” “Muruqayaga iyo maankayaga.” “Waxaan la yaabaa sida aad isugu raacsan tihiin in gabdhaha la ilaaliyo, iyo haddana sida aad damaaci u wada tihiin. Cawil aniga oo ka weyn ayuu la fadhigaaga sidaas uga xanaaqay, caawana wax walba wuxuu u samaynayaa in uu saaxiibaddii la kulmo.”

“Waa in la idin ilaaliyaa. Berigii aad faraha ka baxdeen ee ay Arraweelo boqoradda idiin ahayd waxii aad geysateen waa tii la ogaa.”

“Kibirkiinna Arraweelo kale ayaa idinku fiican.” Xaaladdii uu goor dhoweyd Cawil jawiga ku abuuray ayaa dooddan ku weeciyay ee abateed u ma hayaan. Erayo kalgacal ku dhaansan iyo dhunkasho naxariistu ku dhan tahay wax aan ahayn galabta nafsad u ma hayaan. Mar aanay isaqoon ayaa jirtay, iyo subax ay iyaga oo dad qalaad ka la ah is’hor yuubnaayeen, maantana waa taa naftoodu isku milan.

Goor dambe oo ay ku qiyaaseen in uu Cawil kubbadda ka soo noqon karo ayuu Raage ka tegay. Markii uu baxay wuxuu u cidlooday si aanu weligii iyo waaqii u cidloon. Isla markii uu albaabka dhaafay waxaa ku dhacay hilaw degdeg ah oo dhaxan huwan, ilaa uu ku dhowaaday in uu Deeqa dib ugu cararo.

Naagtan maxaa u gaar ah? Maxay dumarka kale kaga duwan tahay? Runtii miyay ka duwan tahay? Adiga maxaa ku haya? Ma doonis baa mise waa dan? Ma baahi aad naag uun u qabtid baa, naag aad baahidaada galmo ku haqab tirtid? Mise waxaa jira wax kale oo ay gaar kuugu tahay? Malaha waa doonis qof aad lahaatid; qof aad cidlada ka weheshatid oo dhibka dunida ka magansatid; iyo hooy aad u hoyatid?

Laakiin maxay dumarka kale kaga duwan tahay? Sida aad u aragtid miyaa loo wada arkaa? Dabcan jawaabtu waa maya. Waa wax indhahaaga u gooni ah, iyo maskaxdaada, iyo dookhaaga. Dookh? Horta dookhu waa maxay? Mooyi, waa waxaas aad la dhaxamoonaysid, ee aad magaalo weyn ugu dhex cidloonaysid; waa waxaas aad la hiloobaysid; waa waxaas ay dunidii awal dhabar yaxaas ka qallafsanayd naas dumar uga debecsanaatay; waa waxaas ay neecawada sambabkaaga gelaysaa u noqotay nadiif khafiif ah.

Warsame Kooshin, Deeqa aabbeheed, waa konton jir muruqmaal ah oo shan carruur ah oo ay Deeqi curad u tahay iyo hooyadood oo gurijoog ah Hawlwadaag ku la nool. Yaraantii wuxuu ahaa reer miyi, calansaarkii ayuuna magaalo soo galay, muddo yar ka dibna wuxuu shaqo dareewalnimo ah ka bilaabay shirkad talyaani ah oo muuska ka shaqaysan jirtay. Berigaas ayuu guursaday Maryan, carruurtiisa hooyadood, waxaana u suurtowday in uu afar qol qunyar qunyar uga dhisto dhul bannaan oo uu iibsaday.

Markii ay askartu talada boobtay ayay shirkaddii Talyaaniga ahayd dalka ka qaxday, dabadeed Warsame wuxuu dareewal ka noqday Dekadda Xamar. Sannado ka dib wuxuu galay shil baabuur oo uu ku dhaawacmay, kaas oo uu ugu darraa dakharka weyn ee suunnida midig dusheeda kaga bogsaday. Markii inta waxoogaa magdhow ah la siiyay shaqada laga fadhiisiyay talo uu jeclaystay ayaa ku dhalatay. Wuxuu iibiyay laba boos oo dhul ah oo uu lahaa, wuxuuna gatay iskarogada uu maanta ku shaqaysto. Waa shaqo uu ku qanacsan yahay, waayo dhaqaale ahaan in ay tii hore dhaanto ka sokow wuxuu ka helay xorriyad uu jeclaystay.

Aroor walba marka uu salaadda subax tukado, shaah kulul iyo quraacna afka ku dhufto, ayuu shaadh iyo surwaal balcad ah iyo kabo geri ah isku jufaa, cimaamadna madax ku duubaa, dabadeed iskarogada inta uu bisinka u qabto waddada cagta u saaraa. Cid guuraysa oo uu raro, cid guri dhisanaysa oo uu dhagax u guro iyo ciid uu meel ku toomiyaba, wax uu ka shaqeeyo iyo cid uu u shaqeeyo ma waayo. Makhribka ayuu isaga oo ay nuurad iyo habaas daayeer u ekaysiiyeen soo hoydaa.

Marka uu dharka shaqada iska beddelo, baaldi biyo ahna isku shubo, waxii habeenkaas la soo hor dhigana kulaylka ku cuno, dabadeed inta uu barxadda dermo dhigto falaas shaah ah iyo bakeeri isag qotomiyo, oo inta uu dhabarka u jiifsado xiddigaha daawado, hawadana sanka iyo sambabbada ka buuxsado, tixo gabay ah oo uu weligii jeclaana cod dheer kor ugu luuqeeyo, ma moodo in ay dunida jirto cid ka sed rooni. Khamiis walba xerow ayaa guriga raatub ugu akhriya, waayo wuxuu rumaysan yahay maytidii oo dhami in ay khamiista marti u tahay.

Noloshaas ayuu ku soo koriyay curaddiisa Deeqa ee uu maanta qaddarku Raage u caleemosaaray.

6

Saddex sano markii uu Negeeye Mudug joogay, noloshiisuna si walba isu beddeshay, ayaa loo raray Qaybta 26-aad. Gobollada waqooyi waxaa ka bilawday kacdoon dadweyne oo ilaa markaas bannaanbax u badnaa laakiin qunyar qunyar weji hubaysan yeeshay.

Muddadan Negeeye wuxuu helay waayo’aragnimo ku saabsan siyaasadda Soomaaliya. Wuxuu u fiirsaday, oo wax badan ka ogaaday, sida uu maamulku u dhisan yahay, waxa uu ku dhisan yahay, iyo dadka ka soo hor jeeda ujeedadooda intaba. Wuxuu u dhabbogalay dagaalka mucaaradka iyo maamulka ku dhex maraya Mudug, wuuna ka dhergay xaqiiqada qalalaasaha waqooyi ka bilawday. Arrimahaas oo dhan markii uu maskaxda ku soo ururiyay wuxuu isku dayay in uu raadiyo bal isaga qof ahaan waxa la gudboon iyo talada habboon ee ay dantiisu ku jirto.

In kasta oo ay qariskatuurnimo la ahayd haddana wuu ka fekeray in uu mucaaradka ku biiro, wuxuu se waayay sabab uu taa u cuskado. Wuu ka fekeray in ay noqon karto fursad haddii taliska la tuuro uu taliska dhalanaya mansab kaga heli karo. Nimanka maanta dalka xukumaa in ay yihiin koox fursad ka faa’iidaysatay ayuu istusay. Laakiin iyagu maamul rayid ah ayay kursiga ka harraatiyeen ee tani waa khammaar ay khasaaraha iyo faa’iidadu siman yihiin. Miyaad se halkanba ku qatan tahay? Barwaaqadan aad dhowaan gashay miyay tahay in aad iska dhooqaysid? Mucaaradku sow ma aha wax ay injiri gashay? Adeer waad waalan tahay ee midho gunti ku jira kuwo geed saaran loo ma daadiyo, ayuu ku fekeray.

Mucaaradku waxay leh yihiin dan, maamulkuna dan, haddaba adiga dantaadu waa maxay? ayuu iswayddiiyay. Waa ay jirtay beri uu madaxweynaha qaddarin u hayay maamulkana daacad u ahaa, berigii uu jibbaysnaa. Laakiin maanta maamulka iyo madaxweynaha toonna ma jecla, mana necba. Ciddii xukun u legdamaysaa ha u legdanto, maxaa ka galay, isaga dantiisa miyaa la daaray? Dantiisuna ma dhaafsana in aanu dib u gaajoon dibna u ciishoon.

Marka uu sidaas u fekero wuxuu isarki jiray isaga oo umaddii oo dhan dhinac isugu saaray isaguna dhan kale istaagay. Soomaalidu sow ma aha dadkii dhalashadaada ka naxay? Sow ma aha dadkii agoonka kaa dhigay? Sow ma aha kuwa maanta darajada garbahaaga saaran kugu neceb? Dunidan qof waliba dantiisa ayuu wataa ee adiguna dantaada raaco, ayuu isku la taliyay.

Saddexdii sano ee uu Mudug joogay isaga oo waalli ka qaaday, isaga oo dhiigga ku walfay boobkana ku mamay, isaga oo ay saxa iyo qaladku iskaga darsameen oo ay wax waliba ka suurtoobaan, ayaa waqooyi loo beddelay. Halkaa waxaa looga baahnaa biyo dabkii markaa hulaaqay lagu bakhtiiyo, wuxuu se Negeeye ahaa dogob ka mid ah xaabadii lagu shiday.

Hargeysa wuxuu soo galay barqo ay dhedo culusi ku yuururto, waxayna ahayd aragtidiisii ugu horreysay. Jawiga guud ee magaaladu wuxuu ku abuuray dareen ah in uu soo galay dhul qalaad, gaar ahaan qabowga wuxuu ku xasuustay kii Buuraleyda Itoobbiya.

Maalintii uu magaalada yimid tii xigtay goor hore ayuu toosay oo aad isu diyaariyay. Sidii nin aroos gelaya ayuu xiirxiirtay, dirayska kaawiyadaystay kabahana baalasheeyay. Dabadeed wuxuu afka saaray Xafiiska Taliyaha Qaybta.

Waxaa qaabbilay laba nin oo mid saddex xiddigle lebbisan yahay ka kalena dharcad yahay, dhankii xafiiska janaraalka ayayna u gelbiyeen. Wuxuu ahaa xafiis madaxeed oo uu galo kii ugu horreeyay, laakiin fikraddii uu ka haystay iyo sidii uu ku malaynayay wuu ka liitay kana dayacnaa. Sidaas u ma weyna, wax qaali ahina ka ma dhex muuqdaan. Xalaal iyo xaaraan hantida dhulkan laga helo waxii aan Xamar guryo lagaga dhisan qaydhinka ayaa lagu cunaa oo halkan wax mustaqbal ah laga ma leh.

Taliyuhu wuxuu ku soo fadhiyaa iskuna wareejinayaa kursi madow oo maas ah, waxaana ka soo horreeya miis weyn oo ay si foolxun waraaqo badani ugu filiqsan yihiin. Warqadahaa qofka eegmada ku sii dhoweeyaa wuxuu ogaanayaa in ay yihiin araaji cabasho ah oo ka ka la timid dadweynaha nasiibka daran ee dulmiga lagu daboolay ee gobolladan. Dhabarkiisa iyo garabkiisa midig waxaa ku yaal laba daaqadood oo daahyo waaweyn oo casuus ah leh, daaqadahaas oo ay midiba in yar furan tahay. Inta yar ee furan ayuu qiiqa sigaarku ka baxayaa. Derbiga midigta Janaraalka ku beegan waxaa isku dhinac safan saddex sawir oo waaweyn oo dhammaan derajo ciidan lebbisan: waa Madaxweynaha, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Janaraalka Qaybta ee halkan fadhiya. Imikadan qudheeda wuxuu lebbisan yahay tuute ay derajo janaraal garbaha kaga teedsan tahay, wuxuuna si aan xushmad lahayn u la hadlayaa nin shacab ah oo kursiga ka soo hor jeeda fadhiya.

Ninka shacabka ahi qiyaastii waa dhawr iyo konton jir, wuxuu xidhan yahay macawis bilic leh oo indoniisiya ah, shaadh gacmo dheer iyo go shaal ah, wuxuuna lee yahay gadh weyn oo xinne ku aslan. Waxaa ka muuqata ladnaan dhaqaale, laakiin wejigiisa waxaa saaran kalsoonidarro aan mustawihiisa u dhigmin. Nin kale oo gaashaanle sare labbisan ayaa dhinaca kale soo fadhiya ninka shacabka ahna docda kale hadalka kaga mudmudaya. Jawiga guud ee xafiiska qiiq sigaar iyo nacayb culus ayaa ku gufaysan.

Negeeye kolkii uu soo galay albaabka ayuu ku hakaday oo salaan ciidan bixiyay. Markii ay labada sarkaal afka ka salaameen inta uu dhiirraday ayuu midba meeshiisa ku gacan qaaday, ninkii shacabka ahaana wuu gacan qaaday. Kan shacabka ah oo yar hinqaday mooyee salaantiisa labada sarkaal midkoodna isuma taagin.

“Janaraal, bil keliya ayaa laga joogaa markii baabuur xammuul ah la igala wareegay, ilaa maantana dacwaddaa la iigama soo jawaabin. Miyay xaq tahay maantana in tagsi la iga boobo, eedduna tahay in uu guuxay oo keliya?” waxaa ku ashkatooday ninkii shacabka ahaa.

“Taasi waa sababta baabuur badan oo kaleba loo la wareegay. Bandooda gaadiidka la saaray kaga guuxintu waxay la mid tahay dhaqaaajinta, dhaqaajintuna waxay la mid tahay in burcadda loogu adeegay. Sidaas darteed dacwadda baabuurkaaga lagu la wareegay, sida la ii soo gudbiyay, waa in burcadda loogu adeegay”, ayuu taliyaha qaybtu ninkii shacabka ahaa ku huruufay.

“Hargeysa idinka ayaa xukuma, baabuurkayguna magaalada ka ma bixin, haddii uu guuxayna dhexdeeda ayuu ka guuxay…”

“Sharci ayaannu gaadiidka u dejinnay, ciddii jebisana waxaannu u aragnaa in ay sharciga burcadda fulinayso. Ma garatay oday?” janaraalkii ayaa ninkii dacwoonayay hadalka kaga boobay.

“Marka aad se dembi ka dhigaysaan, baabuurtana ku la wareegaysaan, in xadka Itoobbiya laga gudbay ama laga soo gudbay, sow ma ogidin qayb dhan oo umadda ahi in ay xadka dhinaca kale kaga nooshahay oo aan laga maarmin iyaguna inaga maarmin? Taasi sow ma aha xadbeenaadka oo aynu aqoonsannay?” ayuu miskiinkii janaraalka ku beerlaxawsaday.

“Sababta aad iigu timid waa baabuurtii lagaa qaaday, sow ma aha? Ka bax haddaba xuduudda iyo aqoonsigeeda si fiicanna u dhegeyso hadalkan: Baabuurtaadu sharcigii aannu dejinnay ayay jebisay, laguuna soo celin maayo, adigana waxaan kaaga digayaa waxa aad ku jirtid haddii aadan ka bixin in aad naftaada rakhiiska ah ku waayi doontid.”

Ninkii markii uu arkay dacwadii baabuurtu in ay rajo la’aan tahay inta uu candhuufta dib u liqay ayuu dacwad kale furay.

“Xaaladda magaaladu sida ay u foolxun tahay waad og tihiin. Haddii aad maatadii guryaha xabsi kaga dhigteen, maad u adeegtaan oo dawaysaan, cuntona siisaan, illayn maxaabiista waa loo adeegaaye? Sidee baad doonaysaan in lagu noolaado?”

“Yaa kugu yidhi nolol baa lala rabaa? Haddii ay wada bakhtiyaan sow ma ogid hubkii aan la dhici lahaa in uu ii baaqanayo? Adiga se sow hore kuuguma sheegin waxii aan ku khusayn in aad faraha ka la baxdid?” janaraalkii oo aad mooddid isagu in uu duni kale ku abtirsado ayaa si ku tumasho ah ninkii shacbiga ahaa ugu canaantay.

“Wallee wadkaaga gacmaha ayaad ku sidataa! Adeer ma waxaa lagugu kari la yahay dantaada raaco, waxa aad ku jirtana ka bax?” waxaa hadalkii janaraalka ka dabo tuuray kornaylkii meesha fadhiyay oo u ekaa eey marka ninka lihi hadlaba isaguna ciyaya.

Negeeye weli wuu taagnaa cidina u ma ay tilmaamin kursi uu ku fadhiisto.

“Orod gabdhaha shaah noo keena ku dheh”, Negeeye ayuu janaraalku sidii kuray yar ugu amray, isaguna degdeg ayuu u cararay, wax yar ka dibna isa soo rogay isaga oo leh:

“Dhakhso ayaa loo keenayaa, taliye.” Dabadeed waxaa loo tilmaamay kursi bannaan in uu ku fadhiisto. Cadaadiskii iyo bahdilkii xushmaddarrada ahaa ee ay ninka shacabka ah ku hayeen markii ay cabbaar wadeen ayuu janaraalku wayddiiyay.

“Hadalkaagii ma dhammaysatay?” “Haa, intaas ayuun baan kuugu imid.” “Orod haddaba iska tag keenna adkaada waa la arkiye”, ayuu ugu hanjabay, dabadeed kursigii isku wareejiyay oo dhabarka u soo jeediyay, oo sidii axmaq kibray qolkii qiiq culus ku afuufay.

Odaygii isaga oo aan cidna sagootiyin ayuu albaabka ka baxay. Mar kale ayuu janaraalkii kursigii isku soo wareejiyay, fayl miiska u saarnaana laba warqadood oo isku lifaaqan ka soo dhex saaray, oo inta uu kornaylkii la fadhiyay u taagay ku yidhi:

“Hawshaas meel ku soo hubso, berrina ha inoo ahaato.” Kiina inta uu warqadihii gacanta ku qaatay ayuu markiiba albaabka ka baxay. Gabadh jimidh yar oo weji qurxoon ayaa sarkaalkii sii baxayay shaah la soo weydaaratay, oo inta ay labadii fadhiyay u dhigtay iyada oo aan midkoodna eegin dhakhso u baxday. Negeeye wuxuu jeclaystay gabadha in uu sii daawado, laakiin janaraalka ayuu ka baqay, waayo wuxuu u arkaa xoolihiisa. Goorma ayaad xafiis ay gabadh sidan u qurux badani kaaga adeegayso yeelan doontaa, ayuu ku fekeray.

“Haye, laba xiddigle Negeeye Geeddi Buraale waa adiga, sow ma aha?” ayuu janaraalkii wayddiiyay.

“Haa, taliye, waa aniga.” “Dorraad baad timid, sow ma aha?” “Haa, taliye, dorraad baan imid.”

“Magaalada maxaad ka fahamtay?” “Sidee, taliye?” “Xaaladda iyo nolosha guud ee magaalada sidee baad u aragtaa?” “Wallaahi taliye, aad u ma aan dhex gelin, laakiin wax aan caadi ahayn ku ma aan arag.”

“Su’aashu ma aha in aad wax aan caadi ahayn ku aragtay ee miyaad wax caadi ah ku aragtay?”

Negeeye awal wuxuu islahaa jawaabta habboon su’aasha ayaad ka dhex heli doontaa laakiin waa ay ku sii adkaatay. Wuxuu maleeyay xumaan iyo samaan ta uu janaraalku rabo in Hargeysa laga sheego, waxaana uu istusay ninna meel uu xukumo in aanu doonayn xumaan in laga sheego.

“Wallaahi taliye, xaaladda magaaladu aad ayay ii la fiican tahay, laakiin nasiibdarro weli aad uguma fiirsan.”

Janaraalku intaa eegmo xun ayuu Negeeye ku qodqodayaa, intaana shaaha iyo qiiqa sigaarka ayuu la legdamayaa. Shaaha waxaa uu ka jecel yahay bunka oo uu beri koorso Yurub loogu diray ku soo bartay, laakiin qurunkan qurunku dhalay ee magaalada ku nooli rag iyo dumar haddii ay isu tagaan in aanay bun hagaagsan samayn karin ayuu qabaa.

“Hargeysa wax caadi ah iyo wax fiicani toonna ma jiraan. Ma fahamtay hadalkayga?”

“Haa, taliye.” “Qof kasta oo magaalada ku nooli fursad uu nafta kaaga jaro ayuu ku la gaadayaa, adiga iyo kumanyaalka kale ee ciidanka iyo shaqaalaha dawladda ah. Ma garatay hadalkayga?”

“Haa, taliye.” “Waxaa magaalada ka buuxa ee aad shacbiga moodaysaa waa ciidan siyaabo ka la duwan u hubaysan. Waxaanu nahay laba col oo is’hor fadhiya, xabbadduna mar kasta ayay dhici kartaa. Intaa ma garatay?”

“Haa, si wanaagsan, taliye.” “Mudug waad ka soo shaqaysay, sow ma aha?” “Haa, saddex sano, taliye.” “Wax bay kaaga taraysaa waajibkaaga halkan.” Negeeye waxaa loo sheegay isla berri in uu ku biiri doono gaas fadhigiisu yahay degmada Burco. Wuu ku farxay kana naxay. Aad ayay ciidanku uga baqi jireen jiidda xadka Itoobbiya ee ay mucaaradku dagaallada joogtada ah ka wadeen. Laakiin isla markaas waa meelaha sida fudud looga lacagaysto.

***

Xerada uu Negeeye ka shaqo galay waxay ku beegnayd soohdinta ay degmada Burco la lee dahay Itoobbiya, siddeed kiiloo mitir ayayna gudaha xadka ku sii jirtay. Waxay ahayd meel jiq ah oo ay galool, qudhac, sarmaan, jeerin, cadaad, bilcil, qansax iyo dhir la nooc ahi foodda isla gashay. Xoolaha halkaa ku luma cidda leh waxaa uga nasiib badan askarta noolaha ay heshaba degdeg u dooxanaysa.

Dadka waaweyni marka ay arkaan dhulkaasi sida uu noqday ee haddana xasuustaan sidii uu ahaan jiray qalbiga ayaa gariira indhahana illin baa kaga soo joogsata. Qarnigan wixii ka horreeyay degaankaasi wuxuu ahaa dhul daaqsimeed caleenta iyo cawska hodan ku ah, noocyada ka la duwan ee ugaadha iyo xooluhuna isdhex daaqaan. Tarankii dadka iyo duunyada, iyo Burco oo muddo dheer ahayd suuqa ugu weyn ee xoolaha lagu ka la iibsado, iyo gobolka Hawd ee oommanaha ah oo ceelasha Burco looga soo aroori jiray, ayaa sababay dhulkaas in cagta iyo carrabka la mariyo oo habaas ka kaco. Burco iyo tuulooyin badan oo agagaarkaas laga abuuray dhismahooda halkaas ayaa laga jaray, dhuxusha iyo xaabadana halkaas ayaa laga gubay. Waxaas oo dhami waxay galaafteen caafimaadka degaanka, ciidduna waxay u badatay bacaad ay daadka iyo dabayshu duxdii ka la tageen.

Bah ugaadheed: cawl, dibtaag, garanuug, deero, biciid, goodir iyo intii la abtirsiin ahayd hub casri ah ayaa loo helay oo lagu halaagay, hambadiina abaaro ka la daran oo askarta la socday ayaa isu dabo maray, maantana waxaa ka sii jooga goosanno dhuumaalaysi iyo silic ku nool. Gorayadii raxan raxanta u mushaaxi jirtay meesha lagu arko, raad iyo ruux, waa la isu sheegaa.

Bah dugaag: libaax baabbulle taajkii laga tuur, dhulkii uu boqorka ka ahaana looga xoog sheegay. Maanta haddii la arko la ma dileen oo waxaa loo yaqaan “gob jabtay”, laakiin horta mee? Shabeel iyo hariimocad burkii ay galeenba waa loogu galay, iyaga oo nool ayaana haragga lagala baxay, ka mana duwana noole aan jirin ee sheeko khuraafaad lagu maqlay. Dhurwaa, dhidar, weer, dawaco, guduudane iyo xoor awalba haybadda boqorkooda, libaax, ayay ku hoos noolaayeen, meel boqorkii lagaga adkaadayna iyaga waxba u ma yaallaan.

Doofaar-diqle iyo daayeer iyagu cidna cadow u ma aha iyagana loo ma aha, haddana jiritaankoodu geyigan waa ku gabaabsi. Dabadeed dhulkii waxaa isugu soo hadhay dadkii oo aan wax ka la qariyaa jirin.

Markii gobolka Hawd la berkedeeyay, lagana maarmay in Burco loo soo arooro, isla markaas adhigii la soo iibgeyn jiray loo helay baabuur lagu soo daabbulo, ayay mar kale ciiddu nasatay. Laakiin waxaa abuurantay nolol tii hore ka duwan; waxaa yaraaday cawska, geed midhoodka iyo geed quwaaxa, waxaana beddelay oo batay dhir kale oo xananku ama sogsogtu ugu badan tahay. Xilliga abaarta dhirtaas waxaa daboola man (ubax) aad baraf mooddid, waxaana ka guuxa xasharaadka duula. Mankaa udugga badan ee midabka cad dartii ayay sagaarada oo manka iyo dhillawyahanka jeceli degaanka ugu badatay, iyada ayayna askartu si ba’an u dilan jireen iyo baadida xoolaha.

Meesha sidaas xagashada ugu gaashaaman, ee jiqda cufan ah, ayay xerada ciidanku ku dhex taallay, oo dhufays dabiici ah u ahayd, iyo kaga dhuumashada ama ugu dhuumashada, mucaaradka hubaysan, oo sidii wax derderan xadka isku soo maqiiqa.

Markii uu degaankaasi noqday meel ay mucaaradka iyo xukuumaddu ku hirdamaan ayay dadkii xoolodhaqatada ahaa badankoodu qaxeen, oo gobolka Hawd ee ay Itoobbiya xukunto u gudbeen, ama waqooyiga hoose ku fogaadeen. Dadka weli halkaas ku nooli waxaa ay isku dayayeen in ay la qabsadaan xaalad dagaal oo aan lala qabsan karin. Ugu yaraan waxay isbareen in aanay habeen socon, in aanay lacag iyo wax kale oo qiimo leh guryaha dhigan, qof xadka Itoobbiya ka soo gudbay in aanay martigelin, iyo in aanay u dhowaan fadhiisimada ciidammada maamulka dalkooda xukuma.

Laakiin dadaalkaa badani dhibaato ka ma badbaadin jirin. Waxaa dhici jirtay mucaaradka oo duullan ahi in uu habeennimo meelahaa maro, dabadeed halkii uu raadkoodu maray dadka ku dhaqan subaxdii la gabagabeeyo. Waxaa kale oo dhici jirety ciidammada dawladda oo dagaal ku soo jabay oo weyraxsani in ay beel dhan dad iyo duunyo gelelefaan. Haddii makhluuq nooc kale ah samada laga keeno wuu garan lahaa meeshaasi in ay tahay meel colaadeed.

Habeen iyo maalin waxaa la maqli jiray qaraxyo xoog leh oo meel dhow iyo meel dheerba ah. Qaraxyadaa badankoodu waxay ahaayeen miino dhulka laga buuxiyay oo aan waxba u ka la aabbayeelin. Saqdhexe adiga oo hurda ayuu qarax culusi dhulka kaa qaadaa, oo aad mooddaa in la isgalay. Laakiin marka uu qarax labaad raaci waayo ayaad garataa in ay ahayd miino, markaas ayaad si naxdin leh u malaysaa qof dayoobay iyo duunyo dibbootay ka ay qudha ka jartay. Suryada aad soo martaba waxa aad ku aragtaa raq xoolaad oo miino kidiftay; waxa aad maqashaa qof aad taqaannay oo ay miino hawada ku dubatay, markaas ayaad isku daydaa in aad malaysid waallida jirtaa halka ay ku sal lee dahay. Waxa aad iswayddiisaa: ujeeddada uu Ilaahay abuurista soomaaliga ka lahaa ma macnadarradaas baa? Ma in ay isaga oo tamashle ah miino jarjartaa? Inta aadan isu jawaabin ayaad taada u baqdaa, oo aad si digtoon faraha fooddooda ugu socotaa.

Bilihii ugu horreeyay ee uu Negeeye halkaa joogay dhawr jeer ayuu ka qaybgalay gurmad loogu baxay meel ay mucaaradku weerareen, ama ciidanka talisku gabagabeeyay. Inta badan se waxa uu, sidii Mudug, hoggaamiye ka ahaa ciidan argagixiso ah oo miyiga iyo tuulooyinka ka soo qabqabta dad mucaarad lagu eedeeyo.

Bilawgii waxaa la qabqaban jiray dadka la tuhmo ama si uun mucaarad ugu ekaan kara. Dabadeed waxaa loo gudbay qof kasta oo lagu maleeyo dhadhan dhaqaale. Awal qofka la qabto waxaa loo gudbin jiray saldhigga bilayska iyo xabsiga Burco, laakiin markii dambe xerada ciidanka qudheeda ayaa laga furay saylad dadka lagu ururiyo dabadeed ehelkooda laga iibiyo. Waa se qofkii nasiib badan ee aan degdeg looga takhallusin.

Xaaladda sidaas ah darteed Negeeye jaranjaradii uu cagta la helay weli wuu fananayaa. Durdur lacag ah oo dhibic xalaal ahi ku jirin ayaa ku socda, jeeb waliba wuu u buuxaa, faqrigii uu moodi jiray in xagga Rabbi lagaga xukumay ka la jiite.

Intii uu Mudug joogay lacag badan ha helo laakiin nolosha aad uguma uu furfurnayn. Tumashada markaas ayuu bilaabay, weli se waxaa uu ahaa layli. Berigaa weli waxaa naftiisa ka sii qiiqayay dabkii faqriga, waxaa dhegihiisa ka sii dhawaaqaysay dhirbaaxadii gaajada, waxaana uu qabay dabokawelwel. Laakiin intii uu Togdheer yimid wuu doob dillaacsaday. Waxa uu bartay una hagarbaxay sida loo tunto iyo waxyaalaha lagu tunto. Maalin keliya ayuu gubayaa lacag sannado lagu noolaan karo.

Waxaa uu bartay, kuna biiray, mafrishyo ay fadhiistaan saraakiisha ciidammada iyo madaxda kale oo gobolku. Sida ay isugu xidhan yihiin, sida ay daacad isugu yihiin, sida ay isu naasnuujiyaan, iyo sida ay bulshada ay xukumaan lid ugu wada yihiin, waxaad mooddaa in ay ka socdaan quwad shisheeye oo dalka gumaysi ku haysata. Sida ay wax u boobayaan ee aan haddana waxba u deeqayn waxaad mooddaa juuj iyo majuuj: hormada hore waxii qoyan oo dhan ayay fuuqsataa, hormada xigtaa rayska ayay ku galgalataa, hormada saddexaadna habaaska dhulka ka kacay ayaa indhaha ka gala. Waxaad mooddaa in ay ku jiraan maaratoon bililiqo oo ka ugu xaaraan badsada la abaal marinayo. Xaggee baas ee ay ku degdegayaan? Miyaanay waxba xeerinayn? Magac qaran iyo maamuus dadnimo labadaba dile. Dal iyo dad toonna damiirkoodu u ma damqado. Bulshada ay xukumaan inta ay iyaga neceb tahay in boqol goor ka badan ayay iyaguna neceb yihiin.

Maalintii ugu horreysay ee uu Negeeye tegay mid ka mid ah guryaha dulmiga iyo dunuubta loo furtay, oo ku yaal galbeedka magaalada, isaga oo fadhiga aad uga mabsuuday, asxaabtiisa cusubna dareensiinaya in aanay ahayn nolol ku cusub, ayuu si lala yaabay asxaabtiisa u wayddiiyay:

“Waxaan idin su’aalay, gurigan magacii?” Iyada oo aan ujeeddadiisa la fahmin ayuu mid qolada meesha fadhiday ka mid ahaa ugu jawaabay:

“Waxaa lagu magacaabaa guri. Miyuu magac kale yeelan lahaa?” “Guri wanaagsan oo aanu Gaalkacyo ku lahayn waxaanu u la baxnay Seybeeriya.”

“Seybeeriya?! Oo belo gashaygu dhaxan badnaayee, miyaydaan hablo iyo wax idin diiriya ku haysan?”

“Kaas dhaxani waa ay ka dheerayde oday gaashaanle ah oo Seybeeriya lagu soo carbiyay oo macallin nooga ahaa ayaa loogu magac daray. Wax ay naf aadami jeclaato oo aan oollini ma ay jirin.”

Ujeeddadiisu intaas ayay ahayd, in uu sheego tumashadu in aanay ku cusbayn.

***

Maalin baa Negeeye Xarunta Taliska Gaaska Burco looga yeedhay. Taliyaha gaasku wuxuu soo gaadhsiiyay amar ah hawlgal ciidan oo laga soo fulin doono gobolka Hawd ee ay Itoobbiya xukunto. Waa dhul ku dhow meelaha ay mucaaradku saldhigyada ku leh yihiin, isla markaas weerarrada ka soo abaabulaan. Arrinta Negeeye xiisaha u lihi waa isaga oo qudhiisu hawlgalkaas hoggaamin doona.

Habeenkaas waxaa lagu qayilay guriga taliyaha gaaska ee Burco, waxaana aad looga wada shaqeeyay, aadna la isu hoga tusaaleeyay, hawshaas oo laba cisho ka dib la fulin doono.

Maalintii uu weerarku bixi lahaa tii ka horreysay oo dhan Negeeye keligii ayaa geed bilcil ah hooskiisa fadhiyay oo sida filosoof ama doqon u fekerayay. Habeenkii xigayna goor hore ayuu gogosha tegay oo cabbaar isaga oo sigaar iska daba shidaya arrinta ka sii fekerey. Sidee ayuu u fekerayay? Miyuu baqayay? Miyuu ka xumaa mise wuu ku faraxsanaa? Wuu ogaa in uu mas’uul buuxa ka yahay waxa uu samayn doono ama samayn doonin, dhaqaaqa labadiisa dibnoodna saaran yihiin aayaha nafo badan iyo hantidoodu. In kasta oo uu degganaansho la’aan darteed teendhadii uu seexan lahaa laba jeer debedda uga soo booday haddana su’aalaha sidaas isuma wayddiin, arrintana halkaaba ka ma eegin.

Dareenkiisa isugu dhex daadsan baqdinta, nacaybka, welwelka, faanka iyo shakiga, marnaba ku ma uu dhex arag su’aasha mowqifkan dabiiciga u ah: falkan loo xilsaaray xaq iyo xaqdarro, sax iyo qalad, ka uu yahay. Marnaba fekerkiisa ku ma ay soo dhicin maskaxdiisana fursad u ma siin in uu maleeyo silsiladda culus ee kaaraha iyo cadaabta kulul ee madfaca dadka ku halaagmi doona xaalkooda. Marnaba kuwaas qoyskiisa iyo qof kale uu ka naxayo ma uu barbar dhigin.

Saldhigyada mucaaradku ka ma foga dhulka uu berri weerarayo, kana feker haddii uu ciidankiisa mucaaradka u la galo natiijada uga dhalan karta. Wuxuu kale oo maleeyay haddii uu hawlgalkaa ku soo guuldarraysto iyo haddii uu ku soo guulaysto mustaqbalkiisu waxa uu noqon karo iyo farqiga labadaa xaaladood u dhexayn kara. Wuu istusay xil sidaas u culus oo lagu aaminaa in ay tahay fursad weyn oo uu taliska sare ka helay, waxaana uu u arkayay imtixaan ku saabsan mustaqbalkiisa.

Fekerkiisa oo dhami wuxuu ku mashquulay weji kasta oo ay hawshaasi yeelan karto iyo natiijada isaga shakhsi ahaan uga dhalan karta, shar iyo khayr labadaba. Berigii uu Mudug joogay ayuu isbaray in uu hawl kasta oo shaqadiisa ciidan ah ku saleeyo maslaxaddiisa shakhsiga ah, taas oo ahayd markii uu aamminay qof kastaa in uu dan gaar ah u ordayo, xataa haddii ay umaddu ku halaagmayso.

Dabadeed cutub aad u hubaysan ayuu waaberigii xerada koonfur qumman u dhaqaajiyay. Waxa uu amar ku haystaa in uu baynaadda daro haddii ay suurtogashana soo labadibleeyo qof kasta oo si uun ugu muuqan kara mucaarad, in uu ka takhalluso qof kasta oo laga dareemo dhego adayg, in uu dab qabadsiiyo laba tuulo oo lagu tuhunsan yahay in ay mucaaradka midiidin u yihiin, iyo in uu soo furto soona raro wax kasta oo lacag ah ama lacagoobi kara. Qodobka dambe ee dhaca iyo bililiqadu waa muhiim, waana sida ay masuuliyiinta taliska ee aaggaasi ku lacagaystaan askartana lagu quudiyo.

Lixdii aroornimo markii uu ciidanka Negeeye xadka ka tallaabayay ciidammo kale oo soohdinta meelo ka la duwan fadhiyay ayaa madaafiic isdaba joog ah si teelteel ah ugu asqeeyay beelaha reer miyiga ah ee xadka dhinaca Itoobbiya ka deggan jiid ku dhereran ilaa soddon kiiloomitir. Ujeeddada duqayntaasi waxay ahayd in dadkaa laga arbusho in ay u gurmadaan meelaha uu Negeeye weeraray.

Markii tuulo yar shan boqol oo tallaabo tacshiirad lagaga furay waxa ay ahayd goor hore oo aan reer miyigii cammiri jiray weli iman. Sidaas darteed dad tiro yar ayaa subaxdaa ka soo toosay. Waxaa hambaberay shan nin oo hubaysan oo dhinaca tuulada laga soo galay joogay. Baqdin joogto ah ayaa beryahan laga qabaa duullan ka yimaadda xagga Jamhuuriyadda, sidii muddo yar horteed baqdin looga qabay duullan ka yimaadda dhanka Xabashdida. Sidaas darteed waxaa caado ah in hadba inta rag hubaysan la heli karo ilaalo ahaan habeenkii xagga Soomaaliya la geeyo, si ay weerar iman kara u hakiyaan. Laakiin dhawr nin oo qoryo fudud ku hubaysani wax badan ka ma ay qaban karayn culayskii ku waaberiistay.

Nimankii hambaberay intii aanay ogaan ciidanka ku soo maqani inta uu cudud la’eg yahay dhawr jeer ayay tacshiirad dhankii weerarka u afuufeen. Laakiin waxba ma ay beddelin, oo xataa socodkii ciidanka ma ay hakin, waxayna isarkeen iyaga oo noqday qudhaanjo maroodi ku joogsaday. Shantiiba kaarayaasha ayaa silsiladda ku qaatay. Dadkii kale ee tuulada joogay intoodii ordi karaysay orod ayay cagaha maaleen, qaar ka mid ahna dhabarka ayaa laga daldalooliyay. Dhawr qof oo carari kari waayayna halkooda ayaa lagu khaarajiyay.

Markii ay ciidanku tuulada qabsadeen ugu horrayn waxa ay urursadeen waxii hub ahaa ee ay dadku haysteen ama meel u yaallay. Markii ay taasi fushay ayuu Negeeye laba askari kiish u dhiibay, kuna amray in ay ku soo ururiyaan waxii lacag, dahab, saacado iyo wax kale oo qiimo leh ah ee ay arkaan. Markii ay askartu hawshii soo guteen Negeeye isaga oo aan jowaankii waxa ku jira eegin ayuu dayacantii uu saarnaa ku raray. Dabadeed wuxuu amar ku bixiyay in tuulada dab lagu qabto. Markii ay holac iyo qiiq isla kacday ayuu ciidankii koonfur u sii dhaqaajiyay.

Waxaa dhacaysay dabaylxagaa taas oo weerarka Negeeye dan u ahayd, waayo guuxa gaadiidka dhinaca dabaylka mooyee jahada kale laga ma maqli karayn. Taas awgeed dadku maalintaa waxay arkeen uun iyada oo la haysto.

Tuuladii labaad maalintaas si dheeraad ah ayay u cammirnayd. Waa xagaa jimcoon, degaankana waxaa taal beel weyn oo reer guuraa ah. Waa maalin iideed, dadka tuulada isugu yimidna aad ayay u badan yihiin. Tuuladan saboolka ah lacagta maanta taal weligeed ma ay soo gelin, waayo muddo yar horteed waxaa laga iibsaday adhi badan oo carabta loo dhoofiyay carrafada darteed. Bangi la ma yaqaan, reer miyiguna lacagta waxay dhigtaan dukaammada. Waxaas oo dhami qorshaha duullanka waa ay ku jireen.

Salaaddii iidda oo bannaan debedda ah lagu tukaday laga soo noqoy oo waxaa la isku cidhiidhyayaa makhaayadaha iyo dukaammada. Xabbadaha dhacaya waxaa la moodayaa damaashaadkii ilaa xalay cawayskii socday. Waxaa se dhiillo abuuray guux iyo gariir culus, haddana baroor dumar iyo oohin carruureed. Dadkii oo dhan waxaa lagu soo toomiyay farasmagaalaha.

Ugu horrayn waxaa dadka laga ururiyay waxii hub ahaa ee ay gacanta ku siteen ama guri ku jiray, dabadeed Negeeye ayaa dadkii la isu soo toomiyay hortooda foosto isku taagay, hadal gaaban oo bahdil iyo hanjabaad isugu jira u soo jeediyay, kuna tilmaamay in ay yihiin cadow uu dabargoyntooda amar u haysto. Wuxuu dadka u sheegay lacag, saacado iyo dahab waxa ay hayaan in ay ku shubaan kiishashka ay askartu wareejinayso, wuxuuna ka digay qofka laga helo wax uu qariyay ciqaabtiisu in ay tahay dil. Dabadeed saddex askari ayaa saddex jawaan dadkii la dhex galay, sidii sadaqo masjid laga ururinayo. Dadkiina iyaga oo Eebbaha awoodda leh ka rajaynaya in uu nacabka gacanta ku dhigay intaa kaga badbaadiyo ayay wax walba kiishashkii ku shubeen.

Haddii Negeeye la eedayn karo inta isaga amarkiisa hoos timaadda xaalkoodu waa sidee? Waa kuwaas iyaga oo tuute caddaaday oo hilfo ah iyo kabo daldalooshamay gashan, kalaashinkoof xun oo daxalaystay iyo buraashad ay biyo aan nadiif ahayni ku jiraan ku raran, aadna caato iyo uskag u ah, waa kuwaas tuulada ku xayndaaban. Qaarna waa kuwaas sida yeyda dadka diiranaya, marna sida dukhsiga iyo dirxiga meel walba gelaya. Cid nolol u ma oggola iyaguna ma haystaan, waxa ay se ka soo baxeen mid tan ka sii liidata. Dhar korkooda astura tuutaha ayaa ugu horreeyay, cunto caloosha u buuxisana gallaydii dhibbooga, cilmina waxaa u ah erayada askari ku amar qaato iyo xabbadda ay ku adeegaan.

Waxaa Ilaah u ah marba sarkaalka hor taagan, waxaa u diin ah amarka uu isagu siiyo, waxaa u raaxo ah darxumada, noloshiisa iyo dhimashadiisana waxaa isu haysa dun aad u dhuuban oo daqiiqad kasta go’i karta. Qoriga uu intaa keebka ku dheggan yahay, ee fartiisa ku mirdhay, cidda uu ku dili karo ayay la tahay in uu ka sarreeyo. In uu cid dili karo wax ka shisheeya iyo wax ka sokeeya toonna ma arki karo. Fursad uu wax ku ogaado waxna ku ka la miisaamo weligiiba ma uu helin. Laakiin isagaba bulshada ayaa dhashay, geedna midhihiisu meel ka fog ku ma dhacaan.

Haddii ay xaqiiqo tahay beryahan dadka la ciidameeyaa in ay yihiin tuugta, kuwo maskaxda wax ka qaba iyo dulmanayaasha bulshada, waxaa iyaduna xaqiiqo kale ah marka ay qori cabbaysan gacanta ku qabtaan in aan khayr laga filanayn.

Awoodda sidaas ah ayuu Negeeye awood u sii yahay. Inta ay askartu sida dukhsiga iyo dirxiga meel walba gelayaan isaguna waa kaa dadkii qorraxda u yuururay isaga oo kelyaha is’haya hor marmaraya, ee marba canaan iyo digasho aan cadaawad mooyee macno kale lahayn ku tuuraya. Dhismayaasha iyo dadka tuulada markii uu indhaha la raacraacay wuxuu ku xasuustay Damalweyn oo ay aad isugu eg yihiin. Wejiyada caatada ah ee ay baqdintu saaran tahay reer damalweyn laga ma garto.

Indhahaa ka wada hooseeya, ee iyaga oo cabsanaya kor u soo wada eegaya, wuxuu ka dhex arkay kuray uu saddex iyo toban jir ku qiyaasay oo qayd iyo shaati calal ah oo dufan badan xidhan, timahana aad mooddid in aan weligood biyo iyo shanlo la marin. Wuxuu xasuustay maalintii uu qudhiisu da’daas ahaa. Markaa ka dib wuxuu dadka ka sii dhex eegeegay shakhsiyaad kale oo reer damalweyn u ekaan kara, gaar ahaan Aw Faarax iyo odaygii dukaanka lahaa iyo Amran. Wuxuu ka fekeray berigii uu yaraa haddii uu awooddan heli lahaa waxa uu Damalweyn ku samayn lahaa. Nacayb ayaa sida laan xanan ah naftiisa u xagtay.

Isaga oo sidaas u fekeraya ayuu meel hortiisa ah ka arkay gabadh labaataneeyo jirta oo dahab iyo saacad kiishkii askarigu siday ku ridaysa. Waa ay qurux badnayd sababtaas ayayna eegmadiisu ugu hakatay. Isaga oo weli daawanaya ayuu askarigii ka dhaqaaqay, waxayna ishiisu halacsatay silis qoorteeda ka lusha. Dhankeeda ayuu u dhaqaaqay, inta uu soo kor joogsaday ayuuna timaha qabtay oo sare kiciyay. Yartii oo baqdin la kurbanaysa ayuu isaga oo weli timaha haya wejigeeda kor u jeediyay oo wejigiisa ku beegay oo qoorta ka salaaxay, oo haddana gacanta kale ee bastooladdu ugu jirtay inta uu siliskii ku qabtay daawaday. Waa dahab ay si qurux badan carrabka ugaga naqshadaysan tahay kelmadda Allaah oo carabi ku qoran.

“Magacaa?” “Hodan.” “Silis aad jeceshahay ayuu ahaa, sow ma aha?” “Haa.” “Waxaan u geynayaa mid kaa sii jecel, ma garatay?” “Haa.” Dahabkii kaleba dhiibtay ee kan waxay ku sii jeclaatay magaca Eebbe ee ku qoran iyo walaalkeed oo Sacuudiga uga soo diray. Waxay islahayd magaca Alle ayaa indhaha sharka ka xijaabaya, markii uu askarigu ka dhaqaaqayna saadaashaas waa ay rumaysatay. Laakiin imika Negeeye waxa ay u aragtaa sheyddaan aan araggiisa wax xijaabi karaa jirin.

Isaga oo yartii sidii u haya ayuu arkay nin waayeel ah oo meel dhinac ah indhaha kaga soo gubaya. Muuqiisa guud, gaar ahaan gadhka weyn ee cillaanka ku aslan, laga ma garto Xaaji Haybe, kii reer Damalweyn. Sida muuqata waxa uu aad uga xun yahay silcinta gabadha lagu hayo ee aanu waxba u qaban karin.

”Duqa, Istaag!” Wuu istaagey. “Maxaad ka shaqaysaa?” Odaygu wuu cabbaysnaa ee mar keliya ayuu furka tuuray oo sida bamka u qarxay.

“Dad aan waxba isku falayn baad tihiine, haddii aad doontaan annaga na laaya laakiin maatada silica ka daaya. Miyaydaan soomaali ahayn anshax xumada intaa la’eg xaggee baad ka keenteen?”

Miskiinku xanaaqa uu la dillaacay naftiisa ayuu wadka ugu xidhay. Hadalkii oo aan afkiisa ka soo dhammaan ayay xabbaddii bastooladda Negeeye oo xiimaysaa jirjircadka u tuurtay.

“Eeyga eeygu dhalay, ma in aanan garanayn buu moodayaa!” ayuu maydkii odayga oo sii dhacaya raaciyay.

Odayga ma uu garanayn ee hadalka falkiisa ayuu ugu qiil samaynayay. Cadownimada ka sokow dilka wuxuu uga dan lahaa dadka in uu baqdin ku abuuro si aanay gilgilasho quus ah isugu dayin.

Markii ay odayga xabbaddu ku dhacday dumar iyo ilmo badan ayaa isku mar oohin ku dhuftay, yartii uu Negeeye hayay iyaduna qaylo kulul ayay cirka u dirtay. Laakiin isagu dareen isma gelin ee inantii ayuu ku jeestay oo bastooladdii oo weli baaruuddu ka qiiqayso afka u geliyay, dabadeed qayladii waxay ku beddeshay hiinraag iyo codad xun oo argaggax leh, indhuhana waxaad mooddaa in ay inteeda kale ka go’ayaan. Iyada oo sidaas ah, baaruudduna saaqday, ayuu wejigeeda oo heemo la qoyay cabbaar eegay sidii uu muraayad isku daawanayo. Haddana siliskii ayuu soo furay oo jeebka sare ku ritay, dabadeed yartii inta uu sii daayay in ay iska fadhiisato ugu bishaareeyay. Iyada oo rumaysan wayday markii ay dhulka kuududsatay ayuu isaguna si islaweyni leh halkii uu awal taagnaa ku noqday. Ka wax dila waxna nooleeyaa waa Ilaahay, ayuu maqli jiray, laakiin wuxuu dareemay isaguba in uu wax dilo waxna nooleeyo. Daqiiqad gudaheed ayuu laba nafood mid gooyay midna sii daayay.

Muddo saacad ku dhow ayay ciidanku tuulada haysteen, meel walbana galeen, dadkana kor iyo kal baadheen, guntin kasta oo risiq lagu malayn karana fureen. Dabadeed mar uun ayaa si kediso ah loo arkay iyaga oo si dhiillo leh isu dhex yaacay. Gurmad ciidanka mucaaradka ah ayaa galbeed ka soo galay. Markiiba hub culus oo ay inta badan ciidanka dawladdu ridayaan ayaa la isku duqeeyay. Dadweynihii oo ay farxad iyo baqdini isugu darsameen orod iyo dhuumasho ayay meel walba nafta ku la eerteen, in kale oo badan ayaana tuulada debedda uga yaacday. In aan toban daqiiqo ahayn markii la isduqaynayay ayaa la arkay ciidankii Negeeye oo dhanka Soomaaliya u dareeray.

Ciidanka xukuumadda waxaa ka dhintay saddex looma-ooye oo ay maydkoodii ka tageen, dhawr ka dhaawacmay se waa ay qaateen. Mucaaradkana nin ayaa ka dhintay saddexna ka dhaawacmeen. Dadweynahana odaygii uu Negeeye hore uga dilay mooyee gabadh yar ayaa hubkii la isku riday ku qudh baxday.

Markii ay ciidammada dawladdu yaaceen mucaaradku ma ay eryan; awood ay ku eryadaanba ma ay lahayn oo iyaga ayaa gacmo ku gabbad ahaa. Markii ay tuulada soo galeen waxay dadweynaha ugu baroordiiqeen hadallo ay ku tilmaamayaan waxshinnimada taliska. Laakiin run ahaan si weyn ayay falalka noocaas ah ee ay dawladdu ku kacdo ugu farxi jireen, waayo waxaa sii badan jiray taageerayaashooda, waxayna xoojin jirtay sheegashadooda ah in ay yihiin xaqudirir.

Yeelkoode, dadku maalintaas mucaaradka abaal weyn ayay u hayeen, waayo waa ay hubeen dhimashadoodu intaas in ay ka badan lahayd, tuuladana sidii tii hore la gubi lahaa.

Markii ay xadka shan kiiloomitir u jireen, ee ay hubsadeen in aan mucaaradkii raacdaysanayn, ayuu Negeeye ciidankii hakiyay, wax uuna amar ku bixiyay in dhulka lagu aaso labaatan miino ah oo isugu jirta ta lugta iyo ta gaadiidka, sidii ayaana la yeelay.

Markii uu ciidanku saldhigga ku soo noqday Negeeye wuxuu teendhadiisa ugu yeedhay saddexdii askari ee dhaca soo ururinayay, wuxuuna ku amray in ay lacagta isku habeeyaan oo ay tiriyaan. Intii ay askartu shaqada ku jireen ka ma uu tegin ee isaguna wuxuu ka la xulayay saacadihii iyo dahabkii.

Saacaduhu waxay u badnaayeen duug uskag leh, laakiin intii qiimo yeelan karaysay gooni ayuu isugu soocay, kiish ayuuna ku wada guntay, intii kalena dhinac ayuu isugu duway. Dahabku wuxuu isugu jiray inta nooc ee dumarka: silisyo, dhego, kaatunno, jijimo iyo xataa noocyo uu Negeeye wax lagu falo garan waayay. Waxaa ka mid ahaa qoorgashi culus oo ah nooc aanu weligii hore u arag. Waa qoorgashi waqti hore la qaadan jiray oo lagu magacaabo murriyad. Waa hubaal in uu yahay lacag malaasan, ayuu ku fekeray. Wuxuu xasuustay siliskii uu maanta jeebka geliyay, shaadhkii tuutaha oo meel u dhow sudhan ayuu ku booday kana soo saaray, mar kalena daawasho ugu noqday. Ina abtidaa Leyla haddii aad kan u geysid aad ayay ugu farxaysaa, ayuu ku fekeray.

Saacad ka dib hawshii habaynta iyo tirinta lacagta saddexdii askari waa ay ka soo jeesteen, waxayna iyada oo xidhmooyin u rasaysan taliyahooda u gudbiyeen warbixin ku saabsan tiradeeda. Dhawr xidhmo ayuu tii shan shanta iyo toban tobanka ahayd midba qayb u taagay, markii ay ka guddoomeenna saddex saacadood oo qaybtii uu qiimo la’aanta ku tiriyay ah iyo saddex baako oo sigaar ah oo ka mid ah xoolihii la soo dhacay ugu daray.

Makhribkii waxaa Burco ka yimid taliyihii gaaska oo saddex jawaan oo qaad ah ciidanka soo guulaystay u sida. Qaadku dalka waa ka xaaraan haddana meel walba waa lagu haystaa, dadka cuna ama ka ganacsadana waxaa ugu badan dadka maamulka u shaqeeya. Waxaad mooddaa danta loo mamnuucay in ay tahay si loo dejiyo sharci lagu xadgudbo. Sharci jebinta ayaa lagu raaxaystaa. Si weyn ayaa Negeeye loogu hambalyeeyay, waxaana la soo gaadhsiiyay bogaadin uu janaraalka qaybtu soo diray.

Dabadeed lacagtii la soo dhacay ayaa laba inood oo isla’eg loo ka la dhigay oo in askarta loo qaybiyay tii kalena Negeeye loogu deeqay. Taliyaha gaaskuna isaga oo wakiil ka ah janaraalka qaybta wuxuu Negeeye ku yidhi:

“Si kale ayaannu wax u qaybsannaa, laakiin adigu weli waad qallalan tahay ee bal horta intaa isku qoo.” Wuxuu kale oo sheegay in uu isagu dahabka iyo saacadaha sii qaadi doono isaga oo yidhi: “Waxyaalahani in si asturan loo maamulo ayay u baahan yihiin. Waxii ka soo baxana qaar xaggaa igu sugaya ayaan iskaga furfurayaa.” Markii uu dib u ambabaxayna wuxuu ku la sii dardaarmay: “Iska qayila, laakiin digtooni ha illaawina.”

***

Negeeye isaga oo qorshayaal muhiim ah wata ayuu mar kale Xamar ku soo noqday. Maalintii uu yimid tii xigtay gelinkii hore guri ay isaga iyo ka lihi hore ugu heshiiyeen ayuu iibsaday. Waa fillo cusub oo ku taal degmada Wadajir, xaafadda Booliqaran. Galabtiina reer Rooble ayuu booqasho ugu tegay.

Rooble wuu maqnaa, laakiin Raage oo isaguna booqasho ku yimid ayaa reerka la jooga. Waa markii kowaad sidii uu Yurub waxbarasho ugu kacay ee ay isaga iyo Negeeye kulmeen. Labadoodaba isbeddel weyn ayaa muddadaas ku dhacay, muuq iyo maan labadaba. Negeeye wuu la yaabay canuggii xumaa in uu intan la’ekaaday oo macallin yahay. Raage isaguna wuu rumaysan waayay gacankudhiiglihii reer Damalweyn in uu sarkaal noqday. Negeeye sidii uu garbaha u casaystay jeebabkana u buuxsaday wuxuu noqday batraan, galabtana taa waa laga arkaa.

“Raage, Yurub ayaad wax ku soo baratay, sow ma aha?” ayuu wayddiiyay isaga oo sigaar iyo dab jeebka ka la soo baxay.

“Horta aan ku xasuusiyo gurigu in uu sidii aad ogayd weli sigaarka ka yahay.”

Qarad ayaa iyaduna raacisay: “Waar hooyo Negeeye, millaterina waad tahaye balaayada suntiisa maxaa kugu ibtileeyay? Abtigaana sidii buu uga dhintaa oo weliba beryahan sanboor ugu darsamaye.”

“Waxba ma aha. Odaygu haddii sigaarka laga daayana kollay wax kale oo uu ku sanbooro waayi maayo”, ayuu yidhi oo sigaarkii shitay.

Awal arrinta sidaas u ma uu xasuusnayn, laakiin imika waa ka canaadnimo. Raage isaga oo falka Negeeye ka xun ayuu wayddiintii ka jawaabay:

“Haa, Yurub wax waan ku soo bartay laakiin dalka ayaan ku qalin jebiyay.”

“Intaa dambe ayaad igaga baxsatay. La i ma soo mariyo dadka Yurub wax ku soo barta.”

“Waayo?” “Lacagtii dalka ayaa wax lagu barayaa markaas ayay la soo noqonayaan suuf xun oo ay qoorta iskaga giijiyaan iyo in ay sidii mulac qooqan meelahaas iskojiyaan”, ayuu yidhi Negeeye isaga oo sidii mulac qooqan isu kojinaya.

“Waa ay jiraan dad noocaas ahi, laakiin waxaa ka badan inta wanaagsan ee naftooda iyo bulshadaba wax tarta.”

“Wax ay taraan ma jirto. ‘Dunida mindi iyo fargeeto ayaa wax lagu cunaa ee idinku weli ma sidii baad faraha wax ugu cunaysaan?’ waxaas ayay cilmi moodaan oo meelahaa isla taagtaagaan. Waxaan maqlay madaxweynuhu dadka tacliinta sheegta wuu neceb yahay, waan hubaa in uu nacasnimadaas ku arkay”, ayuu Negeeye ku dooday.

“Dad badan oo debedda wax ku soo bartay ayaa shaqooyin muhiim ah dalka ka haya ee adigu ha arkin uun inta lunsan, kuwa dalka wax ku bartay iyo kuwa aan wax baranba qaar badan baa lunsane.”

“Mid aan waalli iyo miyirqab u ka la garan waayay, oo kuwaas aan sheegay ka mid ah, ayaan maalin maqlay isaga oo ku doodaya in dadka geelleyda ah geela laga baabi’yo oo beero iyo kalluun la geliyo. Weligaa qof ka caqli xun miyaad aragtay? Waa maxay khayrka geel laga waayay ee bad la quuso iyo habaas la qodo laga helayaa?”

“Sida aad og tahay qoyskayagu waa geelley, haddana anigu ninkaas fikradda waan ku raacsan ahay. Beerato iyo kalluumaysato horumar dhaqaale iyo mid ilbaxnimo waa ay samayn karaan, nolol deggan oo daryeel leh ayayna heli karaan. Laakiin qof cimrigiisa oo dhan geel hawd wareegaya daba socdaa nolol macno leh ma haysto mana heli karo.”

“Oo waa maxay waxa aan gooryaan iyo dhiqle ahayn ee ay beerato iyo kalluumaysato qabaan?”

“Waxa ay maanta qabaan waa halkeeda, waxaa se hubaal ah in ay yihiin laba habnololeed oo horumar laga samayn karo. Ugu yaraan haddii ay xilliga wanaagsan kayd dhigtaan xilliga xun gaajo waa ay ka badbaadi karaan. Laakiin kuwa cirka uun eegaya ee haddii roobku bil keliya dib u dhaco maydkooda iyo raqda xooluhu isdul fuulayaan cid ka liidata ma arko.”

“Cid kaleba ha joogto ee in aan adiga geel kaa difaacaa waa mushkiladda aad la timaadeen ee aan sheegay qudheeda, maxaad se soo baratay?”

“Cilmiga barista iyo barbaarinta.” “Oo maxaa lagaga shaqeeyaa?” “Sida mulac qooqan ayaa meelahaas la isla kojiyaa.” “Dee waaba sidaas, in aan la idiin aayin taas ayaa u daliil ah. Cilmi barbaarin cali fatuush! Dadka qof walba waxii dhalay ayaa barbaarsaday ee adiga maxaa ku raaciyay? Umaddu waxay u baahan tahay cilmi manfac leh, ma aha in lagu meeraysto wax aan waxba ka kidhiish ahayn.”

“Haye, maxaa ka mid ah cilmiyada manfaca leh?” “Maxaa ka mid ah? Dee waxaa ka mid ah cilmiyada lagu ka la horumaray, sida hubka nukliyeerka loo sameeyo tusaale ahaan.”

“Laakiin qof waliba wuxuu bartaa waxa uu jecel yahay, aniguna waxaan bartay waxii aan jeclaa, adigu se haddii aad nukliyeerka jeceshahay maad baratid?”

“Anigu halkan ayaan joogaa, oo shaqo kale umadda uga hayaa, laakiin adigu meeshii bahalkaba lagu abuuray ayaad tagtay markaas ayaad cilmi barbaarin halkan ii la soo fadhidaa.”

“Haddaba aan kuu sheego ee waxaa loo baahan yahay waa nolol ee ma aha dhimasho. Ummad gaajo iyo qaaxo qabta nukliyeer waxba uga dan ma aha.”

“Khuraafaadkaas ayaa maskaxda idiinka buuxa”, ayuu si iska weynayn ah Negeeye u yidhi oo raaciyay: “Gaajada iyo qaaxadaba nukliyeerka ayaa daweeya. Bal fiiri ummadaha haysta, laga ma daba hadlo. Haddii ay wax kale waayaan isaga ayay dunida ku baadaan.”

“Qori AK ah ayaad dadkii ku gumaaddeen ee maxaad u malaynaysaa haddii aad nukliyeer u heli lahaydeen?”

“Annaga oo ayo ah?” ayuu indho kulul ku wayddiiyay. “Idinka oo ah askarta.”

“Xaggee baad ku aragtay askar dad gumaadaysa?” “Sow gobolkaa aad joogtid imikaba ka ma socoto?” Negeeye dib ayuu u fadhiistay neef culusna sigaarkii ku soo afuufay isaga oo qaadanwaa muujinaya.

“Waar bal horta maad iswaraysataan? Allow muwaafaqada ha naga qaadin! Xaggee lagu arkay walaalo intaas ka la maqnaa oo muran isku salaama!” waxaa tidhi Qarad oo jeclayd in ay sidan si dhaanta u wada hadlaan.

Negeeye hadalka duqda dan ka ma uu gelin ee halkii hore ayuu Raage uga sii miisay.

“Waxaad u hadlaysaa sidii qudhmista? Yaa kugu yidhi dad baa la gumaaday?”

“Adiga yaa kugu yidhi waa ay qarsoon tahay? Malaha waxaad moodaysaa umaddu in ay maskaxda la dahay?”

Qarad iyada oo sigaarka ku cabbudhay sida ay labada nin u wada hadlayaanna jeclaysan wayday ayay Leyla oo mar hore shaah karis u kacday ka daba tagtay.

“Waxaa muuqata in aad hadaltiradii Raadiyow Qudhmis ku dayowday”, ayuu yidhi Negeeye.

“Qudhaada waxaa muuqata in aad afkii Raadiyow Muqdisho igu la hadlaysid.”

“Laakiin yaa kugu yidhi dad baa la gumaaday?” “Negeeye, isfahmi mayno ee halkaa inoogu jooji.” “Halkaa inoogu jooji? Weliba waad isla qumman tahay!” “Fadlan isfahmi mayno ee ina ka la daa.” “Laakiin yaa kugu yidhi dad baa la gumaadaa?” Raage ma uu jawaabin. In kasta oo aanay labadoodu Rooble isku da ugu iman haddana Negeeye wuxuu rumaysan yahay odaygu in uu Raage siiyay fursad ka weyn ta uu isaga siiyay, markii uu koolkoolinayay ee mustaqbalkiisa dhisayayna isaga dayriyay. Taa darteed sinaba uguma faraxsana tacliinta Raage iyo horumar kale oo uu sameeyo toonna. Qoyska oo dhan in uu cagihiisa hoos keeno ayuu ku riyoodaa, kaas oo ahaa aarsi beri hore dareenkiisa ku abuurmay.

Dhanka kale, labadoodu waxaa ay ka ka la dhasheen laba tol oo uu talisku colaad ka dhex aloosay, kuwaas oo miyiga birta iska aslay xafiisyadana qalinka. Negeeye in kasta oo aanu tolkii jacaylka iyo abaalka nafta loogu huro u hayn haddana si weyn ayuu uga war hayaa, dagaalka iyaga iyo reeraha kale dhex marana, guul iyo guuldarraba, si joogta ah ayuu u la socdaa. Waxii uu hiil xafiisyada uga tari karo ka ma hagrado, weligiina qaadhaan ka la ma masuugin. Taas wuxuu kaga duwan yahay Rooble iyo Raage oo ficil la’aan Alle ku tuuray, taas oo aan tolkood ku jeclayn.

Leyla oo shaahii sidda ayaa u soo gashay, markiibana waa ay dareentay in ay si aan caadi ahayn u ka la aamusan yihiin. Si ay hadal u furto xaaladdana u fahamto ayay tidhi:

“Maanta miyaydaan sidiinnii libaax iyo geel ka sheekaysanayn?” “Maya ee adiga ayaanu ku yar xamannay”, waxaa been ku sheegay Negeeye.

“Waad fiican tihiin haddii aad wax uun isku raacdeen. Wax la qirtay se xan ma aha ee maxaad igu xamateen?”

“Aniga ayaa quruxdaada faalleeyay. Waan u qaadan la ahay in aan lee yahay ina abti sidan u qurux badan.”

Leyli hadalka Negeeye waa ay la yaabtay waayo weligii sidaas u la ma kaftamin oo wuxuu u la dhaqmi jiray sidii foodley aan macno lahayn. Horeba isbeddel waa ay uga dareentay, ma ay se moodayn jidhiftii adkayd ee Damalweyn in ay ka wada fuqday.

“Weligayba sidan baan u qurux badnaa ee ma maanta ayaad aragtay?” ayay kaftan ku tidhi iyada oo rajaynaysa in uu la xasuusto berigii ay kow iyo toban jirka ahayd ee uu ku sheegay doqon foolxun. “Sidaas ayaan qudhaydu u la yaabban ahay, su’aashaas lafteeda ayaanan iswayddiinayaa.”

Galabtaas oo dhan Negeeye wuxuu u sheekaynayay si firfircoon oo kaftan iyo faan ka buuxo. Waa ay muuqatay in uu Leyla iska dhisayo, laakiin sababta cidina ma ay fahmin. Xataa markii uu sheegay in uu fillo cusub iibsaday si faan ku jiro ayuu u yidhi: “Dalka qofkii aan guri ku lahayni waa ku marti.”

Raage faataannimada Negeeye wuu ku diiqadooday, markii uu shaahii cabbay ayuuna bixid u sare joogsaday. Leyla oo dareentay in ay isaga iyo ina abtigii sheekadu isugu bixi wayday ayaa irridka ku sii dhoweysay.

Qarad qolkii la fadhiyay ku ma ay soo noqon, Raage markii uu baxayna Negeeye si weyn ayuu ugu diirsaday, waxay ahayd fursad uu u baahnaa. Waqtiba iska ma uu lumin. Hadal badan dan baa dhaanta. Degdeg ayuu dantiisa u gudo galay. Kursigii uu dhabarka ugu tiirsanaa ayuu ka soo toosay, fadhigana hagaajistay.

“Leyla, maxaad u guursan wayday?” Wayddiintu macno u ma ay lahayn ee ujeeddadiisa ayuu ugu gogol dhigayay. Iyadana naaska uu walaalkeed qabtay hadba waa sida ay u qaadataa. Ma ay garan ujeeddada, qosol shaki ku jiro ayayna isku madaddaalisay, laakiin waa ay arkaysay in uu jawaab uga fadhiyo.

“Maxaa dhacay, miyaan guumaysoobay?” “Maya ee waan rumaysan la ahay adiga oo sidan u qurux badan in aan lagu afduubin ama la isku kaa dilin.”

“Waah waah, waxaas baa ammaan ah! Waar cidina isku ma kay dilin cidina i ma ay afduubine, maxaad guurka ii la jeclaatay? Malaha askari saaxiibkaa ah ayaabad yarad igaga qaadatay?”

“Aniga oo doqon ah ayuun baan ina abtiday oo sidan u qurux badan nin kale siin lahaa.”

“Dhiig kulaylkaas kuguma aan ogayne maxaa soo kordhay?” “Dhegayso Leyla”, ayuu yidhi isaga oo afka u soo dhoweynaya sidii uu wax sir ah hoos ugu sheegayo. ”Waad og tahay naagtii jaan ee carruurta ii lahayd in ay jiman raacday oo aannu ka la jiidannay, waxaanan ka fekeray in aynu labadeennu isguursanno, waayo ma jirto qof kaaga habboon in aan reer la dhisto. Maxay ku la tahay?”

“Ma aniga?!… ma adiga?!… ma labadeenna?!… alla ba’ayeey!…” “Waxaa laga yaabaa in aad isleh dahay walaalo ayaad tihiin, laakiin taa qudheeda ayaa ugu weyn sababaha ay ii la noqotay in aynu reer wada dhisanno”, iyada oo afkalaqaad ku dhacay jawaab habboonna haleeli wayday ayuu intaas ku beerlaxawsaday.

Jacayl dheeraad ah oo uu Leyla u qabay ma jirin, mar haddii se uu guur ku tashaday iyada wuxuu ugu xishay waxa ay isu yihiin, taas oo uu u arkayay mid dhisnaanta qoyska wax u tari doonta.

“Laakiin Negeeye, ma anigaa tan oo kale weligayba ka fekeray. Aadna waad iiga weyn tahaye.”

“Haa, waa intii loo baahnaa uun in aan kaa weynaado. Buugaagtan jinni ee ciidda ka badatay miyaadan ku arag in ay wanaagsan tahay ninku in uu naagtiisa ka weynaado?”

Wax kaleba ha joogeene miyay weligeedba Negeeye ka soo qaadday in uu noqon karo wehelka gogosheeda. Sow ma aha kii markii ay yarayd ay sheyddaanka la iska naaro ka necbayd? Sow ma aha gacankudhiiglihii isaga oo qaad cantuugsan qiiqna buufinaya oo nin soo dilay Damalweyn ka yimid?

“Maya ee in aynu isgeynaba ma anigaa moodayay!” “Imikaba ogow. Weliba ilmo abti iyaga oo isguursan kara isguursan waayay waa denbi iyo ceeb.”

Waa runtiis oo waa ay isgayaan, laakiin weligeedba ka ma ay fekerin. Kedisadu waxay u diiday fursad ay si dhab ah arrinta uga fekerto iyo in ay shakhsiyadda Negeeye ka eegto dhinac ka duwan kii ay awal ka eegi jirtay.

Riyadeedu ha iska qurux badnaato, wadnaheeda dareen jacayl u egi ha iska dhex mushaaxo, qaar wiilasha jaamacadda ka mid ahi maskaxdeeda ha ka dhex gabyeen, waqtigaa se ma jirin nin gaar ah oo uu dookhu farta ugu fiiqay. Laakiin rag badan oo ay marar ka la duwan mustaqbalkeeda u sharraxday marnaba Negeeye ka ma ay dhex arag – marnaba. Muggii uu fekerkeedu halkaas ku oodmay ayuu hadalkiina ka oodmay.

“Berri ayaan abti Rooble la hadlayaa, una malayn maayo in uu wax ka qabayo haddii aynu labadeennu wax isla meel dhigno, adiguna iska daa isyeelyeelka oo sidaas ayaa inoo ballan ah”, ayuu markii uu aamus ku hubsaday war ugu koobay, dabadeed dhunkasho aan dhankeeda ka dhisnayn inta uu la tiigsaday oo dibnaheeda muudsaday dhabanka calaacasha ka mariyay.

“Maya, maya, aabbe ha dambeeyo ee bal horta aniga fursad i sii. Ilaa berri galab iga war sug.”

“Waa yahay”, ayuu yidhi oo sare joogsaday. Markii uu ka tegay muddo dheer ayay qolkii sii fadhiday madaxeeduna feker oo dhan faaruq ka ahaa. Waxa keliya ee ay maskaxda ku haysay wuxuu ahaa guurka uu Negeeye u soo bandhigay. Habeenkiina waxba ma ay akhriyin, sidii ay u fekeraysay ayayna ku gama’day. Waxay ku riyootay Negeeye oo tuute xidhan oo bastoolad cabbaysan madaxa kaga haya oo ku qaylinaya: ”Waan qayilayaa ee degdeg shaah iigu kari!” Waxaa ku abuurantay baqdin iyada oo xasuusatay berigii uu ku qayliyay isaga oo doonaya in ay u kariso shaah uu ku qayilo, dabadeed dhegta maroojiyay ee sida xun u caayay.

Runtii markii ay yarayd Negeeye waa ay necbayd, gaar ahaan laga soo bilaabo maalintii uu caayay, maanta se waa ay ku faraxday in uu qurux u qiray. Malaha waxay ka ahayd aarsi iyo lib ay soo dhacsatay. Waxaa laga yaabaa nacaybkii ay u qabtay in uu wax ka beddelay markii ay ogaatay ninkii uu dilay in uu ahaa nin isagaba aabbihii dilay. Waxay kale oo ku qaddarisay sida uu dad isaga dhigay ee dunida meel uga galay.

Si ay ahaydba, galabtaas uu guurka la soo qaaday u ma ay hayn wax aan ahayn ilmo abtinnimo. Haba ka da weynaado, carruurna ha lahaado, jaahil ay ka tacliin sarraysana ha ahaado, waa ay se qiratay in ay mustaqbal la wadaagi karto. In uu dhaqaalihiisu fiican yahay waa ay og tahay, nolosha rafka ah ee ay iyada qoyskoodu ka bixi kari waayeena waa ay ku daashay, haddii ay guursato in ay nolol tan ka debecsan ku noolaan karto ayayna istustay. Laakiin isla markaas sabab aanay fahmin ayuu guurka Negeeye u la ahaa waalli.

Waxay malaysay sida uu aabbeheed guurkooda u arki karo, wax ayna la noqotay in aanu soo dhoweyn doonin. Dabadeed iyada oo go’aan gaadhi kari wayday oo isku buuqsan ayay fikradi ku soo dhacday. Cid walba ka hor in ay ina adeerkeed Raage la tashato ayay wanaag u aragtay, isla galabtii xigtay ayayna gurigiisa ugu tagtay.

Joogto ayay iyada iyo Raage isu booqdaan isagana war hayaan, isfaham badan baa ka dhexeeya. Ilmo adeernimada iyo in ay soo wada koreen ka sokow waa saaxiibbo isku sir qarsada. Galabtaa markii ay albaabkiisa garaacday Raage degdeg ugama uu furin, mar labaad iyo mar saddexaad ayayna ku celisay iyada oo malaysay in uu hurdo. Markii ay dhaqaaq u hollatay ayuu furay.

“Oo miyaad hurudday? Alla walaal raalli iga ahow!” “Raalli ahow maxay taraysaa haddiiba aad i toosisay. Soo gudub.” Leyli wejigiisa iyo codkiisa toonna ka ma ay dareemin in uu hurdo ka kacay, gudaha ayayna u gudubtay. Waxay qolka si kediso ah ugu la kulantay gabadh Raage la fadhida, waxayna malaysay in ay sheeko meel wanaagsan maraysa dhabqisay. Haddii aanay sidaas ahayn ma kulaylka qolka oo keliya ayaa lala dhididayaa? Maxaa sidii maaratoon la soo orday lala neef tuurayaa? Sidii dad haghago qaba maxaa hadalka loo googooynayaa? Sidii aan awal hagaag loo fadhiyin maxaa huga loo hagaajisanayaa? Gogosha sariirtu sidii ay fooli ku galgalatay maxay la filiqsan tahay?

“Raage, in aan hurdo kaa kiciyo ayaaba roonayd ee sida muuqata sheeko ayaan kaa kiciyay”, ayay tidhi Leyli iyada oo gabadhii gacanqaadaysa.

“Waad iga aargudanaysaa ee iska fadhiiso”, ayuu ugu jawaabay oo ay wada qosleen.

Maalin aan fogayn oo uu guriga ku booqday waxaa la joogay nin, markii ay isbartay ee u sheegtay Raage in uu yahay ina adeerkeed kii albaabka ayuu boobay. Waa taa aargudashada uu sheegayo ee ay isla xasuusteen.

“Isbarasho wanaagsan, gabadhan waxaa la yidhaahdaa Deeqa Warsame, isku dugsi ayaannu wax ka dhignaa. Deeqa, Leyli waa ina adeertay sannadkan ayayna ka qalin jebinaysaa Kulliyadda Saxaafadda.”

Barasho wanaagsan iyo barasho wanaagsan ayay isweydaarsadeen iyaga oo isu dhoollo caddaynaya.

Leyli wada joogga Raage iyo Deeqa waa ay ku faraxday. Dabeecaddeedu wax ay noqon doontaba waxay u aragtay ruux qurux badan oo weliba jinni leh. Sida uu hadalkeedu u asluubaysan yahay iyo in ay macallimad tahay waxay siiyeen dareen ah in ay tahay qof uu mustaqbal ka dugsanayo. Waa ay jeclayd in uu guursado, sida uu isaguba u jeclaa in ay guursato, waxayna sharad ku dhigteen kooda hor guursan doona, weligii se gabadh Deeqa la qaayo ah ku ma ay arag. Waxay ku xifaalayn jirtay: ”Waad dookh xun tahay ee marka aad guur u diyaar garowdid aan gabadh kuu doono ee ii sheeg.” Sidaas darteed Deeqa waxay u aragtay qof ina adeerkeed ku habboon.

“Raage, arrin yar baan kuugu imid, laakiin iska sheekaysta oo haddii aad haleeshid caawa guriga iigu kaalay”, ayay Leyli soo jeedisay markii ay shaah wada cabbeen muddo aan badnayna sheekaysanayeen.

“Maya abbaayo, aniga ayaa sii soconaya ee iswaraysta, ninkan maalin walba waanu wada joognaaye”, ayay tidhi Deeqi iyada oo kicid isu diyaarisay.

“Maya wallaahi, Deeqa, wax sidaas u muhiim ah ma aha, caawa ayuu guriga iigu iman ee iska fadhi.”

Labadii gabdhood oo isku arbushan ayuu dhex galay. “Aniga ayaa ahlu bayd ah ee wax i wayddiiya. Deeqa mar haddii dhufayskeedii laga qabsaday waa col jabay ee ha cararto.”

“Sidaas ayaa gar ah, haddii kale jabka waxaa iigu darsamaya maxbuusnimo,” ayay Deeqi go’aanka ku taageertay.

“Raagow, xaalkaagu waa ka yar iga qabo oo ka weyn igu soo daa. Innagu waxba isu sheegi mayno ee Deeqi yaanay ku dhaafin.”

“Waxba kiiska ha iska waaline fadhi, mar haddii aad iyada iga sii daysay adiga ayaan madaxfurasho kuu haystaaye.”

Markii ay Deeqa sagootiyeen Leyli iyada oo waxa uu ku jawaabi doono aad u xiisaynaysa ayay tidhi:

“Raage, waa tan tii aad ku degi lahayd ee aad weligaaba raadinaysay.”

“Sidee baad ku garatay?” ayuu yidhi, oo qosol farxad ah laakiin uu kaftan ka dhigayo cirka ku shareeray.

“Runtii Deeqi waa ay qurux badan tahay, degganaan iyo dabeecad wanaag ayaana ka muuqda. Intee baad istaqaanneen?”

“Intii aan bukay oo dhan.” “Miskiin walaalkay! Oo ilaa goorma ayaad buktay?” “Ilaa markii aan arkay, laba toddobaad.” Mar keliya ayay Leyli wejigiisa ka aragtay beddelnaan aanay weligeed ku arag. Wuxuu u eg yahay qof faraxsan haddana naxsan, deggan haddana kacsan, jooga haddana maqan, sabab la’aan ayuu u qoslayaa haddana u aamusayaa. Shaki ku ma jiro in uu yahay nin ay eebo jacayl wadnaha aroortay, ayay ku fekertay.

“Raage, run ahaantii Deeqi aad ayay kuugu dheer tahay. Maxaad hore iigu sheegi wayday?”

“Sow anigan ku leh waannu isku cusub nahay.” “Xaggeeda ka warran?” “Fili maayo in ay iga qalbi adag tahay.” “Waaw! Haddaa waxaan isu diyaariyaaba waa minxiisad.” “Aniguna miyaanan minxiis isu diyaarinayn?” “Raage, runtii arrin su’aashaa ku saabsan oo aad la yaabi doontid ayaan kuu la imid in aad igala talisid.”

“Haye?” Sheekadii uu xalay Negeeye u la yimid ayay u qaadaa dhigtay, taas oo Raage ku noqotay yaab iyo amankaag. Wuu xasuusan yahay in ay necbaan jirtay. Goorma ayay jeclaatay? ayuu iswayddiiyay. Wuxuu gartay sababtii uu Negeeye shalay Leyla isaga dhisayay in ay taas ahayd. Si uu yaabka ku dhacay u qariyo kaftan ayuu hadalka ku bilaabay.

“Doqon baa laga hayaa ‘Marka wax la ii sheego ayaan wax gartaa.’ Illayn intaas ayuu shalay la baarqabbaynayay!”

“Waxay igu noqotay lamafilaan, maxay se ku la tahay?” “Haddii aad isaga guursanaysid anigaba maad i guursatid?” “Wuu kaa fiican yahay, oo kaa lacag badan yahay, oo kaa derajo sarreeyaa.”

“Weligaaba waan ku ogaa in aad isaga iga jeceshahay.” “Waar walaal kaftan ka saar oo si dhab ah noo la tali. Isaguna caawa ayuu jawaab iga sugayaaye.”

Cabbaar ayuu Raage yar aamusay, wuxuu jeclaystay in uu u sheego in aanu Negeeye sinaba ugu qalmin. Laakiin taa xaq u ma leh, iyada iyo isaga toonna xaq uguma leh.

“Leyla, wax kasta oo kaleba iska illaw oo arrin keliya iswayddii: adigu isaga ma jeceshahay?”

Laba sano hortood ayay mar nin reer gobol ah aad u jeclaatay, isaga oo aan in uu meel aadayo dareensiin ayay mar uun meel uu jaan iyo cidhib dhigay wayday. Weli waa ay daydaydaa, waana ay iswayddiisaa qofkaasi jin iyo insi waxa uu ahaa. Dareenkii quruxda badnaa, ee xanuunka iyo raaxadaba lahaa, ee ay berigaas qaadday, welina raadkiisii wadnaheeda ka sii heli karto, mid la mid ah iyo mid u dhow toonna Negeeye u ma hayso.

Markii ay yarayd waxay moodi jirtay nolosha oo dhami in ay tahay jacayl, filimada iyo ruwaayadaha ayayna ka aragti qaadan jirtay. Laakiin in dhoweyd waxay rumaysan tahay dunida sharkeeda iyo dhibkeedu in aanu ka yarayn wanaaggeeda. Waxay taqaan dhawr qof, rag iyo dumarba, oo qofkii ay jeclaayeen mid aan ahayn sababo ka la duwan u guursaday. Sidaas darteed waxay dareentaa in ay ka la jiraan dan iyo dookh aan badanaa iswaafaqin.

“Jacayl?” ayay tidhi iyada oo ka jawaabaysa wayddiintii Raage. ”Dee mooyi, Negeeye ma jecli mana necbi, laakiin waa ina abtigay oo i gaya guurna ii la yimid.”

Raage wuxuu Leyla galabtaas ku calool adaygsiiyay in aan iyada Negeeye cidina uga aqoon badnayn, isla markaasna dookheeda iyo doonisteedu muhiim yihiin, go’aanka guurkeedana keligeed leedahay. Haddii si kale loo qeexo wuxuu ku la taliyay in ay iyadu tashato.

“Bal aabbe waxa uu yidhaahdo aan eego”, ayay talo kaga dhammaatay.

Fiidkii markii uu Negeeye reerka u yimid iyada keligeed baa ogayd ujeeddada booqashadiisa. Iyada ayaa albaabka ka furtay hoosna ugu sheegtay:

“Wax aan guurkeenna ka qabaa ma jirto haddii uu aabbe oggolaado.”

Negeeye jawaabta wuu ku farxay, waayo wuu ogaa Rooble, in kasta oo aanu isaga jeclayn, in uu gabadhiisa aad u jecel yahay, iyada doonisteedana wax walba ka hor marin doono. Markiiba Rooble oo qolka akhriska keli ku ah ayuu u galay si uu arrinta ugu soo bandhigo.

Rooblaha maantu ma aha kii toddobaatannadii ee sida libaaxa u tallaabsan jiray, ee niyadsami inta uu ka qabo ismoodi jiray rasuul Ilaahay dunida u soo diray. Niyaddii iyo jacaylkii uu shaqadiisa u hayn jiray beryahan wuu iska la yahay. Muxuu niyad u hayaa ama ku jeclaadaa shaqo aan horumar dhaqaale iyo mid derajo toonna lahayn? Wahsi ayaa laga soo taagay, in uu shaqada aado iyo in kalena maba ka la jecla. Wax walba wuxuu ka jecel yahay in uu gurigiisa iska joogo oo sida jiirka buugaagtiisa iskaga dhex jiro afadiisana agagaarka ka arko. Waa se haddii aanu busaarad la joogi waayin, oo ku khasbanaan in uu dadka uu yaqaan ee carabta ka soo degay biil ka soo shaxaado. Karaamo la’aanta ayaa wax walba kaga daran. Karaamada Alle idinka qaad! ayuu ku habaaraa kuwa dalka xukuma.

Marba kuray xun oo aan meel wax loo wado iyo meel laga wado toonna aqoon ayaa xafiiska loogu keenayaa oo la lee yahay: ”Rooble, bal yarkan shaqada tustus.” Maalmo ka dibna wuxuu arkayaa kii oo waax dhan agaasime ka ah. Ilaa markii dambe uu isku arkay cillad iyo cuqdad ah in qofkii dawladda u shaqeeya ee uu isagu ka cilmi badan yahay ama shaqada uga horreeyay ee ka nolol sarreeyaba u arko in uu ku kasbaday dariiq aan xaq iyo xalaal ahayn.

Mar wuxuu isu arkaa qof guuldarraystay, mar kalena qof laga hiiliyay. Kurayo iyo foodley badan oo isaga shaqada gacanyare uga ahaan jiray ayaa maanta fadhiya xafiisyada ugu sarreeya waaxyaha ka la duwan ee wasaaradda, rag badan oo ay isku lod ahaayeen ayaa haysta dhaqaale aad u badan oo dhistay guryo qaali ah kuna tamashleeya baabuur qurux badan. Isaguna masruufka ayuu ka welwelayaa. Muddo dheer ayuu caddaalad darradaa u dulqaadanayay, maanta se dulqaadkii waa ku daboyaaqo.

Awal wuxuu islahaa kuwaa xaaraanta kugu dhaafay xalaal baad ku gaadhi ee iska dabo soco, laakiin beryahan waa quus. Wax ka sii dara mooyee wax ka soo raynayaa ma jiraan. Wuxuu u garaabay kuwo markii ay ifofaalaha xun arkeen dalka debedda uga yaacay, wuxuuna isu arkay qof dhan walba seegay. Waar waxani waa dhan walba seeg ee meesha ka tasho, ayuu marar badan isku la taliyay, haddana ku ma tallaabsado.

Mar buu guddoomiye ka noqday guddi heer qaran ah oo loo xilsaaray in ay eraybixin u sameeyaan waxyaalaha af soomaaliga ku cusub ee aan ilaa markaas la eraybixin. Wuxuuna rumaysan yahay isaga iyo kooxdii la shaqaynaysay in ay taa guul weyn ka soo hooyeen. Muddadaas yar, oo ahayd sannad iyo saddex bilood, waxay eraybixiyeen in ka badan boqol eray oo si rasmi ah af soomaaliga uga dhaqan galay. Guusha intaas la’eg in lagu abaalmariyo ha joogto ee waxaa la diiddan yahay in loo qiro. Xasadka iyo xiqdiga ayay wax walba kaga dareen.

Sannad ka hor ayaa Xarunta Wasaaradda laga beddelay oo xil aan macno lahayn looga dhiibay Xafiiska Manaahijta. Taa u ma arko dallicin iyo beddelaad toonna, ee waxa uu rumaysan yahay in ay ahayd lumin iyo tuurid, si uu waraaqaha badan ugu dhex lumo. Xafiiska Manaahijta maxaa yaal ee aan waraaqo habaas badan iyo sanboor ahayn?

Haddii aqoontiisa iyo waayo’aragnimada uu shaqadan u lee yahay la eego, wuxuu isu arkaa in aan cidina kaga xaq lahayn agaasime ama wasiir kuxigeen, haddiiba uu wasiir waayo.

Bal haddana aqoontiisa ka ma maarmaan, oo marka ay runi run tagto, ee qof waxtar ah loo baahdo, isaga ayay ilaa heer wasiir isku soo ag toominayaan: ”Rooble, bal arrintan nala eeg. Rooble, hawshan adiga cidi kuguma dhaanto ee isu xilsaar”, iyo nacnac la mid ah. Bisha soo socotaba shir caalami ah oo lagaga hadlayo la dagaallanka qoris iyo akhris la’aanta dunida sookoraysa, laguna qabanyo London, wefdi uu isagu hoggaaminayo ayaa Soomaaliya uga qaybgelaya. Haddii ay cid hawshaas isaga ku dhaanta hayaan waa ay u diri lahaayeen ee waa ay ka maarmi waaayeen. Isaga sharfi maayaan, horumarinta danaha qarankana dan ka ma leh.

Maxaad waxaaba kaga daali, Negeeye oo dhawr sano ka hor objac askarta ku galay sow maanta cid walba ka ma sarreeyo ka mana nolol wanaagsana? ayuu Rooble ku fekeray. Bal Raage iyo Leyla oo in ay bulshada meel sharaf leh ka galaan waxii aad ogayd ee dadaal ahaa u soo maray maanta xaalkooda ka Negeeye dhinac dhig! Laakiin maxaad sidaas ugu fekeraysaa? Si kastaba ha ku gaadho ee horumarkiisu sow adigaba horumar Kuu ma aha? Gurigan aad kiro aadan bixin karteen kaga badbaadday sow isagu ma leh?

“Haye, ilaa dorraad in aad joogtay waa la ii sheegaye, ma waxaan maqlay guri kale ayaad Wadajir ka iibsatay?”

“Haa. Maanta wax lacag la geliyo guri baa ugu aayo roon.” “Haddii sidee loo eego?” “Si walba, sida joogtada ah ee ay dhulka iyo guryuhu u sii qaaliyoobayaan tusaale ahaan, iyo sida uu shilinku u qiimo beelayo.”

“Waxaa muuqata in aad lacag yeelatay. Maamul askar ah askari uun baa ku hoos noolaan kara ee ma u malaynaysaa in ay askarinnimo ii qaadanayaan?” ayuu ku kaftamay.

“Noloshu waa khammaar qof walibana halka uu saarto waxa uu ka helo ayuu lee yahay.”

Rooble si aan faraxsanayn ayuu Negeeye u eegay, hadalka wuxuu u qaatay ku digasho iyo liidid.

“Waa falsafaddaas doqonta ah waxa dalka halkaas dhigay. Ma shaqo qaran ayaad khammaar ku sheegaysaa?”

Intii aanu jawaabin ayuu isaga oo isillawsan jeebka sigaar ka la soo baxay.

“Ha igaga shidin gurigayga sigaarka, shalay baad ku shidday oo aan xalay foodda soo gelin kari waayaye.”

Negeeye sigaarkii jeebka ayuu ku ceshaday hadalkii horena sii xigtay:

“Waxaan u jeedaa, xirfadda uu qof waliba doorto horumarkeedu wuxuu ku xidhan yahay duruufaha jira. Tusaale ahaan sarkaalnimadu in ay xirfado kale oo badan maanta dhaanto waxaa caawiyay xaaladda siyaasadeed.”

“Wax walba siyaasad lagu ma sheego. Ummad dhan baa lagu khasbay in ay maamul u shaqayso ama aanay shaqaba qaban, in dalka loo shaqeeyana waxaa laga dhigay denbi. Ma aha in lagu gabbado xaalad siyaasadeed oo sheyddaan iyo khammaar, ee waa in ay qorshe iyo caqli jiraan.”

Wax uu ka xanaaqo imika la ma dhihine odaygu in uu hore isaga xanaaqsanaa ayuu Negeeye maleeyay. Awalba taliska mucaarad wuu ku ahaan jiray, laakiin imika xaalkiisu waa nacayb qoddo fog. Cisho aan fogayn ayay mid taliska daacad u ah oo meel ka la shaqeeya sheekaysteen, wuuna u qirtay sida uu maamulka uga niyad xun yahay. Kiina markiiba wuu cararay oo soo dacweeyay, isla habeenkii ayaana saqdhexe guriga lagala baxay. Laba habeen iyo laba maalmood ayaa meel uu jaan iyo cidhib dhigay la la’aa oo godka nabadsugidda ku huursanaa, ilaa wasiirka waxbarashadu cagihiisa ku tegay oo ka soo daayay.

“Anigu maamulka u ma shaqeeyo ee waxaan difaacaa dalka,” ayuu Negeeye yidhi isaga oo gartay odaygu in uu isaga ku dheg hadlayo.

“Waxay ahayd qof waliba in uu mushaharadiisa isku fillaysiiyo. Ma aha in dunida la dawarsado, haddana waxa la soo helo aan dalka wax loogu qaban ee dhagxaan iyo biro fillooyin iyo baabuur loo bixiyay la geliyo. Waxaasi miyay tahay mushaharo la shaqaystay? Xaggee baad waxaas oo lacag ah ka keenteen?”

Mar kasta oo ay labadoodu kulmaan Negeeye wuxuu sii xaqiiqsadaa abtigii in aanu jeclayn. Sidaas oo kale wuxuu sii ogaadaa in uu yahay nin ay mucaaradnimo googooysay. Rooble haba ahaado dadka hadalka qallafsane Negeeye wuu hubaa in aanu dadka kale sida uu isaga u la hadlo u la hadlin, siiba Leyla iyo Raage marnaba sidaas u la ma hadlo. Laakiin dan ka ma leh, isaga oo intan ka yar ayuu cidna dan ka yeelan waayay. Hadaltirada odayga ka ma uu jawaabin ee dantiisa ayuu u gudbay. Wuxuu yidhi isaga oo weliba hadalka beerlaxawsi ku lifaaqay:

“Abti, wax aan kuugu imid arrin muhiim ah, taas oo ah in aan ina abtiday Leyla ku wayddiisto, oo aad reer dhisasho noogu ducaysid.”

“Reer dhisasho?”

“Haa, waayo qof igaga habbooni ma jirto.” Odaygu cabbaar ayuu isaga oo Negeeye eegaya aamusay, dabadeed inta uu muraayadaha iska bixiyay indhaha marmaray, mar kalena eegmada ku celiyay, isaga oo muujinaya in ay ahayd wax aanu sinaba u filayn. Waxaa la arki jiray abti wiilka uu abtiga u yahay xushmeeya, laakiin isagu kan dar alle ayuu u shuufay. Haddii uu awoodo marnaba Leyla ma uu siiyeen, iyadana sinaba ugu la ma taliyeen in ay guursato. Laakiin u ma arko in uu xaq u lee yahay in uu u diido, wuuna maleeyay labadoodu in ay hore wada hadleen. Xaalku wuxuu noqon karaa ”walaashaa isku ma hubtid ee seeddigaa ha ka la dhimannina”. Isaga oo taa maskaxda ku haya ayuu doortay hadal diblomaasi ah.

“Sow ma habboona in aad iyada la hadashid?” “Waan la hadlay, oggolaanshahaaga ayayna shardi ka dhigtay.” Mar kale ayuu Rooble aamusay, cabbaarna fekeray, dabadeed inta uu muraayadihii gashaday, buuggiina ka la furtay, oo akhris isu diyaariyay, Negeeye ku yidhi:

“Haddaba annaguna aanu isaragno ee berri isu keen keen.” Rooble markii uu Leyla la kulmay wax badan oo uu ka la hadlo ma hayn. Oggolaanshihiisa in ay shardi ka dhigtay u ma uu arag wax macno leh, waxay la noqotay in ay guurka Negeeye diyaar u tahay laakiin doonayso in ay isagana sharafto. Haddaa maxay kale oo noqon lahayd? Haddii aanay doonayn sow iskeed u ma ay diiddeen?

“Leyla, talada guurkaaga keligaa ayaa leh, laakiin Negeeye ma u aragtaa nin aad isla keenaysaan?”

Feker degdeg ah ayay maskaxda la kaashatay. Hadalka aabbaheed digniin iyo xogwaraysi labadaba waa ay ka dhadhamisay, sida wanaagsan ayay se u qaadatay.

“Aniga iyo Negeeye waxaannu nahay dad wada dhashay, waana nin shaqaysta oo isku filan, markaas anigu xumaan u ma arko haddii aad adigu oggolaatid.”

“Anigu haddii aad amxaar ii la timaaddana in aanan kuu diideen waad og tahay. Ma jiro wax dookhaaga ka sarreeyaa, markaas waan isugu kiin ducaynayaa, liibaan ayaanan idiin rajaynaa.”

***

Negeeye markii Leyla la siiyay toddobaad keliya ayuu fasax haystay, dhakhso ayuuna u noqday si uu soo qaato waqti uu hawlihiisa ku dhammaysan karo. Sidaas ayuu ku tegay oo haddana bil in ka yar isa soo rogay. Isaga oo boorso samsanayd ah sita ayuu reer abtigii, oo imika reer soddogna u ah, booqasho ugu tegay. Fadhiga ayaa shaah lagu wada cabbay, dabadeed sidii caadada u ahayd Qarad iyo Leyli si ay labada nin u sheekaystaan ayay si dhuuban uga siibteen. Markii ay isu keliyaysteen ayuu Negeeye boorsadii uu sitay odayga u taagay isaga oo leh:

“Abti, innagu yarad isa siin mayno ee bal waxan masruuf ka dhigta.”

Odaygu boorsadii ma guddoomin ee inta uu ismaahiyay ayuu indhihii xunxumaa ee uu Negeeye necbaa ku eegay. Negeeye markiiba xanaaq kulul ayaa dhiiggiisa wada xulay. Bal axmaqaa eega, isaga oo niyadda iska leh ayuu boorsadu dhankii ay u taagnayd qunyar dhulka u dhigay. Rooble inta uu boorsadii si digtoon u qaaday oo miiska saaray ayuu furay, markii uu lacag badan oo si qurux badan u rasaysan arkayna ninkii hor fadhiyay ayuu mar kale fiiriyay.

“Waa xoolo aad u badan. Weligay lacag intan tiro la’eg indhahaygu ma ay arag.”

“Wax macno leh ma aha ee abti masruuf ka dhigta.” “Waxaan ku wayddiiyay, adigu horta ma askari baad tahay mise baayacmushtar?”

“Askari baan ahay, laakiin abti, idinka dalku haddii uu idinka galoofoobay annaga wuu noo irmaan yahay.”

“Haye?”

“Dee waa sidaas.”

“Waxba idiin ma irmaana ee inta aad wadnaha ka dalooliseen ayaad dhuumo gashateen oo dhiigga kaga nuugaysaan. Marka aad dhiigga ka dhammaysataanna dhuumuhu waxay idiin soo qaadayaan sun aad ku dhimataan. Waa haddii aan dhakhso la idinka qaban.”

“Dhiig iyo dhay mid aanu ka nuugnaba sow dalkayagii ma aha, miyaanu dal kale leh nahay?”

Rooble inta uu boorsadii xidhay oo xagga Negeeye u riixay ayuu ku yidhi:

“Waar nin yahow, dal baa noo irmaan lahaane lacagtaada qaado. Dalka irmaani waa kee ma meeshan goraygu ka hadaafay?!”

Negeeye wuxuu ka la garan la yahay odaygu in uu isaga neceb yahay oo xasdayo, in ay mucaaradnimadu cudur ku noqotay, iyo in uu asaasaqay. Laakiin adiga ayaa qaldan, horeba taa waad ugu ogayd ee maxaad uga tashan la dahay? Bannaankaa Ilaahay maad ka martid? ayuu ku fekeray. In kasta oo uu doonayay in uu dareemo, dadkana dareensiiyo, in loo baahan yahay oo uu cid wax tari karo, haddana runtii isla markaas wuu jeclaa odaygan u abtiga ah ee ciilka iyo caydha ka bixi waayay in uu wax taro. Si kastaba ha ahaato ee abaalkiisii muxuu noqday? In lagu qoslo! Isaga oo aan dood kale gelin ayuu lacagtiisii qaatay gurigiina ka baxay.

Rooble haddii bastoolad madaxa lagaga qabto lacagtaa ma qaateen, waxay u la mid tahay dhac loo la yimid. Isba wax wuu dhici karaa haddii uu sida dadka kale isa soo qaawiyo oo xaar isku soo dhammuuqo. Ma isaga oo da’daas jooga ayuu xaaraan canka iyo caloosha ka buuxsan karaa? In uu xalaalcun yahay waa waxa ugu weyn ee uu maanta ku faani karo. Weligiiba se xalaalcun ha ahaado, sheyddaanku haddii aad iska naartid qof kale ayuu isaga kaa soo dhigaa. Lacagtii uu maalintaas diiday iyo mid ka badaniba gurigiisa waa ay soo gashay, Leyla oo aan iyadu fikradda aabbaheed la qabin ayaa sabab u noqotay lacagta Negeeye in ay qoyska bidix iyo midigba u jiidho.

Maalintii taa xigtay, goor barqo ah, ayuu Negeeye saaxiibkii Diiriye shaqada ku soo booqday. Xisad ayaa lagu jiray, barxadda dugsiguna waxay ahayd cidla waaqla aan dhaqaaq yar lahayn. Halka ugu shishaysa waxaa ka soo jeeda xafiisyada oo jaranjaro loo fuulayo, barxad yar oo meel sare oo xafiisyada hortooda ah waxaa keligii sida waardiye kursi ku soo fadhiya Diiriye oo dhaqdhaqaaqa ilaalinaya. Isaga iyo Negeeye halkaas ayay wada fadhiisteen. Wuxuu u sheegay in uu toddobaadka soo socda aroos gelayo uguna yimid in uu hawsha la maamulo.

“Oo Amran miyaad ka la tagteen?”

“Amran waa tii jiman raacday, carruurtii ayay se haysaa oo aan ka welwelayaa.”

“Oo maxaad uga welwelaysaa, weligoodba sow iyadu ma ay hayn?”

“Waar qoftu tii aad ogayd ma aha, in ay miyir qabtaba u malayn maayo.”

“Haye, ta cusubina waa ayo?” “Odayga ii abtiga ahi mid uu dhalay.” “Ma Leyla?” “Illayn waad taqaan.” “Yaraantii waa anigii aqaannay, cisho dhoweyd oo ay Qaawane halkan ku soo booqatayna waan arkay oo waa ay qurux badan tahay. Hambalyo!”

Waa beentii ee Leyla si wanaagsan ayuu u yaqaan, ugu yaraan laba jeer wuu shukaansaday. In kasta oo aanu labada jeer marna darar ka maalin wuxuu islahaa waa ay kuu dihin tahay. Markii uu isagu taa ka fekerayay Negeeye wuxuu ku qoslayay naanaysta Raage.

“Oo illayn Qaawane waa loo yaqaan?”

“Anigu markii uu yaraaba waa u aqaannay, ma nin aan naanays lahayn ayaa se jira? Nin aan naanays lahayni sow ma aha ri seenyoon?”

Negeeye wuxuu xasuustay qudhiisa naanaystii mar magaciisa ka caansanayd, Habaarqabe, oo aan maanta dad badani u aqoon, inta u taqaanna u qariso. Sababta ugu weyn ee aanay taa beryahan dhegihiisu u maqali waa dadkii ay isku kacaanka ahaayeen iyo guud ahaan reer damalweyn oo aanay badanaa isarag. Wuxuu kale oo xasuustay tii Diiriye ee ahayd Dalab, oo aan qudhiisa qof Damalweyn ka yimid ma aha ee cid kale Xamar uga aqoon. Dalbihii markii uu yaraa looga baqi jiray in uu jabo intii uu weynaaday aad u ma muuqdaan.

“Diiriye, adiga qudhaada waa tan bidaartu kuu xiirtay, calooshana lagu moodo jannaale Sacuudiga ka soo degay ee dhakhso isu meelee.”

“Talada guurku waa ay wanaagsan tahay, laakiin faallada bidaartayda iyo calooshayda hablaha u daa.”

“Waa yahay ee waxan oo naag ah midina miyaanay fal iyo madiiddo kugu goyn?”

“Sida aad og tahay falkooda awal si fudud ayaan isaga fardaamin jiray, imika se sida aad sheegtay waa waqtigii aan guur isku fardaamin lahaa.”

“Isku fardaami oo weliba dhakhso isu fardaami.” Dawankii xisadda ayaa dhacay, mawjado arday ah ayaana fasalladii ka soo butaacay, waa nuse saacihii. Negeeye sidii qof gaajaysan oo jeex midho badan soo galay ayuu hablaha yaryar ee fasallada ka soo dareeray marba mid eegmada ku la haliilayaa, oo isaga oo aan ka bogan haddana mid kale ku la boodayaa. Markii uu yaraa wuxuu jeclaa naagaha isaga ka waaweyn, laakiin beryahan wuxuu jecel yahay kuwa aad uga yaryar. Wuxuu ku hakaday gabadh aan dharka ardayda sidan oo wiil arday ah la taagan.

“Diiriye, taasi ma ardayad baa mise waa macallimad?”

“Waa macallimad.”

“Abba baabay! Ilaah baa ina leh ee taasi waa biyo dahab. Kollay in aad maamule u tahay ku ma aad xushmayn ee warkeeda i sii?”

Qaawane wayddii.”

“Waxaa muuqata ina abtigay in uu ku muquuniyay.”

“Waxba i ma uu muquunin ee wuxuu lee yahay dhaqan aanan jeclayn. Haddii aanan adiga kugu qaddarinayn, isla markaas maamule u ahayn, waanu isku ceeboobi lahayn.”

“Maxaa jira?” “Taa aad tilmaamaysaa markii ay shaqada bilawday iyada oo sheeko noo socoto ayuu daf na soo yidhi, markii aan faraha uga qaadayna in uu hoosta uun kaga jiro mooyee horumar ka ma gaadho. Muxuu u sheegaa? Waa la yaabban yahay!”

“Ma jecli in aan idin dhex galo, ma waxaad se lee dahay ‘dhuuggu naqa ma daaqo laga mana daaqo’?”

“Naagi waa gaabsi iyo guur mid uun, wax labadaas ka dhexeeyaa miyaa ay jiraan? Isagu sida ciyaal Xamarka ayaad maqlaysaa isaga oo leh: ’Waanu isjecel nahay. Waanu wada soconnaa.’ Waxaasi ma wax nin weyni ku hadlaa?”

“Allaa i lehe wax uu nin weyni ku hadlo ma aha.” Raage isaga oo fasal ka soo baxay ayuu arkay Negeeye oo Diiriye la fadhiya wuuna u yimid oo salaamay. Maalintii kulankooda cusub ugu horreysay sidii ay guriga Rooble isugu afdhaafeen isuma niyad furna, laakiin laba jeer oo markaa ka dambeeyay sheekadoodu waxay u dhacday si dabiici ah. Mid waliba wuxuu diiddanaa in uu isagu noqdo daciif wax gocanaya.

“Maanta waad soo dheeraatay ee nabad sow ma aha?” “Waa nabad ee kormeer baan ahay ee adiga iyo Diiriye maxaad meesha ku haysaan?”

“Waxaanu ku haynaa waxaa aad ubax daawanaysid ee aad ku indho daraandartay.”

“Laakiin ubaxa daawashadiisu maxay taraysaa haddii aan la daaqayn?”

“Ubax la ma daaqo ee horta midho ha ka bislaadeen, inta ka horraysana daryeel iyo xannaano ha la siiyo. Degdegga iyo khasabku waa dhaqankii askarta,” ayuu Raage ku jawaabay, isla markaa u dhawaaqay Deeqa oo qolo kale la taagan, markii ay soo eegtayna in ay timaaddo ugu gacan haadiyay. “Isbarasho wanaagsan, ninkani waa Negeeye, ilmo abti ayaanu nahay.”

Deeqa iyo Negeeye waa ay isgacan qaadeen. Hore ayay u maqashay sarkaalka magacaas leh ee ay dhowaan Leyla aqal gelayaan. Markii ay sii eegtay waxay ku dhowaatay in ay qososho, waayo waxay ka heshay isla sawirkii ilaa maalintii ay sheekadiisa maqashay maskaxda ku haysay. Isaga oo labada cagood derbiga hortiisa ah ku haya kursiga uu ku fadhiyo inta uu dib ugu jiifsaday sida uu ugu leexaysanayo, shaarubaha weyn ee madow iyo naxariisdarrada indhihiisa, iyo sida aanu waxba dan uga lahayn, waa aragtidii ay sarkaal maanta jooga ka haysatay oo tabtii ah.

“Innagu waxa aynu isu nahay waad sheegtay ee inanta waxa aad isu tihiin maad ii sheegtid?” Negeeye ayaa yidhi.

Deeqi waa u xabiib ee xile u ma aha, saaxiibad in uu ku sheegaana dhaqan ahaan waa ay yar foolxun tahay. Isla markaas Diiriye oo meesha fadhiya in uu u quus gooyo Negeeyena dumaashidii uga digo ayuu rabay. Taas darteed wuxuu ku jawaabay:

“Waxaanu isu nahay saaxiibbo shaqo iyo xoogaa kale.” “Xoogaa kale? Quruxda intaas la’eg ma xoogaa keliya ayaa kaaga fillaaday?” ayuu Negeeye la soo booday isaga oo xasuusan warbixintii Diiriye.

“Qofkii kuu macaan mar la ma wada muudsado.” “Waar muudsi lahaane, miskiin yahow, dunida waxii aad aragtid burburso horena uga soco.”

In kasta oo la wada qoslay Diiriye si gaar ah ayuu u sii qoslay waayo wuu jeclaa in Raage sidaas loo la hadlo. Berigii uu isaga iyo Deeqa u ka la baxay runtii wuxuu islahaa waxba ha ku la tartamin ee marka uu soo tuuro hawada ka daf, adiguba kuwa aad tuurtid waa la dafaaye. Laakiin kani mid wax tuuraya ma aha, waxaad mooddaa in uu ku ag indho beelay, sidii iskudhoon ayuun buu dhexda kaga maran yahay waxbana ka ma dheefo.

“Waa tii aan hore kuugu sheegay oo degdeggu waa falsafaddii askarta. Noloshu maalin keliya ma aha”, waxaa si wacdi u eg u yidhi Raage.

“Taaduna waa falsafadii wadaaddada. Dunidu maanta oo keliya in ay tahay iyo in kale adiga yaa ku raaciyay?”

Diiriye weli qosol xumaani ka buuxdo ayuu wadaa. Ciil uu si kale u muujin kari waayay ayuu intaa ku cabbiray.

Deeqa waxaa u taagnaa gabdho ay debedda u wada bixi lahaayeen, iyada oo sii dhaqaaqaysa ayayna tidhi:

“Negeeye, nabad gelyo! Ninkaagan leh dunida mar keliya ha la burbursado waaban kaa baqaye.”

“Nabad diino, Deeqa! Waxbana ha iga baqin gabdhuhu igama baqaane.”

Raage qudhiisu wuxuu doonayay kooxda baxaysa in uu raaco, wuxuuna Negeeye ku sii sagootiyay:

“Maanta waad soo dheeraatay, waxaan se filayaa saaxiibkaa ayuun baad soo gaadhay?”

“Haa, ninkan ayaan arrin yar ugu imid.” “Haddaba nabadeey!” “Nabadeey!” Shaqadani waa ay fudud dahay marka lacag loo hayo. Wax kasta oo arooska looga baahdo Negeeye heegan ayuu u ahaa awood dhaqaale ayuuna u lahaa. Filladii ayuu wax walba ku soo toomiyay. Beerta barwaaqada ah ayaa si walba loo qurxiyay, ilaysyo ka la nooc ah ayaa dhirta lagu taxay oo caleenta iyo ubaxa toban midab u yeelay. Halkaas ayaa labada arooska ah iyo labada la jira salooto dhan u soo wada jeedda loo dhigay, kuraas iyo miisas maryo cad lagu goglayna la iska hor jeediyay. Halkaas iyo gogol gudaha la dhigay ayaa marti aan boqol ka yarayn shaqaale jajabani gacmo furan iyo waji faraxsan ku soo dhoweeyeen. Qaar ka mid ah Hobollada Waaberi ayaa la soo casumay oo heestii caanka ahayd ee “Xamdi” iyo kuwo kaleba qaaday.

Xoogaa kulayl ah baa jira. Negeeye isaga oo wejigii dhuubnaa ee salxanyaha dheeraa dadka uu safka la fadhiyo ka dhex mudhay, dhegihii waaweynaa lulalaya, indhihii godgodnaa ee ay naxariistu ku yaraydna golaha marba dhan u la raacaya, waa kaas Leyla dhinaciisa bidix ku hubsaday, oo sidii kelitalis afrikaan ah gafuurka kibir la taagaya. Waxaa midigta ka fadhiya Diiriye oo aad uga muuq duwan oo kursigii debecsanaa ku dhex lumay, bidaartii caddaydna markii ay dhididday ee ilaysku ku dhacay dhalaalayso.

Leyla iyo Deeqa labaduba habeenkaa waxay lahaayeen qurux lala ashqaraaro, laakiin eegmada harraaddan ee ragga, ee qaarkood suuxdinta ku dhowi, waxay ku tiigaalayeen minxiisadda oo ay u arkayeen qof madax bannaan. Golaha waxay uga dhex muuqatay sida uu dayax dhammays ahi cirka oo aan daruur lahayn xiddigaha uga dhex muuqdo. Toobka dheer ee cas ee gacmogaabka ah jidhkeedana sida wanaagsan ugu jaan go’an waxaa laabta ka soo riixayay laba naas oo la moodo doombir barwaaqo. Dhexdeeda dhuuban si gaar ah waxaa loo arkayay barta ay xudduntu ku beegan tahay ee godan. Qoorta ilaa naasaha jirridooda bannaan ee uu siliska dahabka ahi galgalanayo iyo cududaha qaawani ninkii eegaba waxay ku abuurayeen ladaadyo.

Waa markii koowaad ee ay Deeqi minxiisad noqoto, ama sideedaba fadhiisato meel intaas oo indhood ka soo eegayaan oo aan fasalka ahayn. Sidaas awgeed aad ayay uga khajilaysay indhaha badan ee aad mooddo in ay cawryayaan. Laakiin waxaa dhiirrigelinayay Raage oo aanay mar keliya indhahoodu ka la libdhin.

Diiriye Deeqa weli rajo ayuu ka qabaa, caawana waxa qalanjo goobta isugu timid keligeed ayaa uga qoondaysan. Wuu farxay markii uu maqlay in ay noqonayso minxiisadda arooska, waayo wuxuu filayay haddii uu mar keliya fursad habboon u helo in uu gacanta ku dhigi karo. Munaasabaddani waa fursad aad waqti badan ku la keliyaysan kartid, kas dumar oo kadalloob rag kaaga dambeeyay kaad ku ogayd ma aha ee aad madaxeeda mijo ugu rogi kartid, ayuu islahaa. Wuxuu rumaysan yahay marka martida la ka la diro, ee ay labada arooska ah iyo labadoodu isu soo hadhaan, isla markaa FIAT-kii uu Faras-Cadde u la baxay kambalka ugu qoofalan yahay, in ay isaga iyo Deeqa wax badani dhex mari karaan. Haa, habeen ay ka nugushahay heli maysid, waa tii la yidhi habeenka ay naagi aroos tahay naaguhu waa wada aroos.

Marba af dheer ayuu Negeeye iyo Leyla ka dul lalinayaa oo Deeqa erayo degdeg ah ku tuurayaa. Mar uu labada kale oo mashquulsan dhabarkooda ka la hadlay wuxuu ku yidhi:

“Caawa halkan aynu isaga wada hoyanno.” “Halkan maxaa inoo hoynaya sow guryo ma lihin?” “Arooska sow innagu gacanyare u ma nihin?” “Haddii aynu u nahay ma hawl baa inoo hadhay?” “Haa, in aynu cidlada ka ilaalinno.” “Haddii ay isku cidloonayaan maxay isu guursadeen?” “Loxos bixintu waa muhiim.” “Intaasi waa kugu adiga.” “Haddii ay bixid noqotana aniga ayaa ku sii qaadi.” “Taa waa aynu isku leh nahay ee na wada qaad.” “Adiga iyo?” “Raage.” “Isagu inama sugi karo ee aniga ayaa baabuur kale sii saari.” “Maya, kollay annagu waanu israacaynaa.” Markii golaha lagu ka la dareeray habeenkii gelin dambe ayuu u wareegay. Halhayska ah “aroos lagu ma raago laga mana raago” waa iska hadal ee arooska soomaalida aad baa loogu raagaa. Martida intii aan baabuur wadan intii baabuurta wadatay ayaa lagu daray, Diiriye iyo Raage ayaa taa maamulkeeda isu xilsaaray. Beerta guriga iyo debedda baabuurtu tuban tahay ayay gaaf wareegayaan oo kii qof ka dhiman yahayba qof ku tuurayaan. Diiriye in kasta oo uu baabuur wato haddana daadguraynta martida xil iska ma saarin.

“Diiriye, adiga ayaa baabuur wata ee dadka maad qaar inaga gurtid?” ayuu Raage wayddiiyay.

Diiriye meel kale ayuu hadalkii u la booday: “Hawsha inta dhiman annaga ayaa ku filan ee adigu iska hoyo.” Caawa fekerkiisa oo dhami waa Deeqa, sidaas darteed imaatinka Raage ee arooska iyo joogitaankiisa goortan soo gaadhay midna ku ma faraxsana.

Wax la qulqulaba, wax habsami ama habaqle loo dareero, wax koox koox buuqaysa, laba laba faraxsan iyo keli keli nasiibxun loo baxaba, shantoodii ayaa isu keliyaystay. Halkii ay aroosku awal fadhiyeen ayaa la iska soo hor jeestay lagana hadlay in ay xafladdu si fiican u dhacday, marka laga reebo tobaneeyo daqiiqo oo ay korantadu tagtay oo mugdi lagu jiray oo ahayd intii aan la haleelin in mishiin guriga u gaar ah la shido. Waxaa kale oo dhacday in uu nin hamuun qabaa gabadh toojo ah xaluska qabtay iyaduna quraarad madaxa kaga dhufatay.

“Diiriye, ina keen aad annagana na sii qaaddide”, ayuu Raage codsaday.

“Aniga iyo Deeqi qoladan ayaannu loxos bixinaynaa ee adigu iska hoyo. Miyaan ku qaadaa?”

Raage tuhun uu ujeeddada Diiriye ka qabay ayaa u caddaaday. Isaga oo aan weli jawaabin ayay Deeqa oo qalab qaadasho bilawday soo jeedisay:

“Maya, ciddan caawa dhisnay, berrina waa aynu soo booqan ee inaga kaxeeya.”

Diiriye Deeqa oo sii dhaafaysa ayuu gacanta soo qabtay ilaa ay xaggiisa u hantaaqootay oo ku yidhi:

“Ha noqon doqontii midhaha gurtay ee xabbaddii ugu dambaysay ka caajistay, ee waa laguu baahan yahay ee ha tegin.”

Waa ay iska dhufatay oo si xanaaq leh u tidhi: “Joog adigu haddii aad joogaysid, oo doqon iyo wax ka xunba adiga ayaa ah ee annaga waxaa ha noogu maahmaahin.”

“Maahmaahdu labadeennaba waa ay ina khusaysaa ee maxaad ii cayday?”

“Waannu ku caayaynnaa ee mar dambe ha na qabsan.” Saddexdii kale meel ay labadan qof ee isku mashaqoobay ka dhex galaan waa ay garan waayeen, waxayna door bideen in ay sugaan erayga xiga labadooda ka bilaaba si ay markaa u aamusiiyaan.

Laakiin Diiriye isaga oo ka xun shukaansigii uu caawa oo dhan maldahayay in la fahmay, oo ay ka jajaban tahay, ayuu iska aamusay. Waa la ka la xanaaqay, waxaana khasab noqotay Negeeye in uu Raage iyo Deeqa isagu qaado.

Raage qudhiisu habeenkaas Deeqa guul ku la ma hoyan ee gurigeeda ayay toos u tagtay, waxaa se isaga guul u ahayd in ay weli gacanta ugu jirto. Habeenkaa ka dib fiiro dheer ayuu u lahaa, af iyo addin, wax kasta oo uu Diiriye ku kaco oo Deeqa ku saabsan, wuxuuna go’aansaday haddii uu xushmad ka waayo in uu gacan u la tago. Laakiin Diiriye maalintaa ka dib Deeqa waxba ku ma uu darsan, sababtuna runtii ma ay ahayn baqdin uu Raage ka qabay iyo ixtiraam uu siinayay midna, ee iyada ayuu ka rajo dhigay.

Negeeye isagu markii uu Raage iyo Deeqa ka soo noqday wax keliya ayuu ka fekerayay waa Leyla. Jidhkeedii dheeraa ee dhuubnaa ayaa intaa hor jooga. Dumarka shilis isagu ka ma helo, laakiin kuwa sideeda u dhuuban wuxuu ka jecel yahay kuwa leh hilib debecsan oo taabashada u macaan, sidii Amran.

7

Goor casargaab ah isaga oo Raage bixid isu diyaarinaya ayaa albaabkiisa la garaacay.

“Iyaa! Waar nimankani ma Carraale iyo Aadan baa?” “Salaamu calaykum!” ayay ku bariidiyeen. “Wa calaykuma salaam!” Waa ina Sheekh Xasan iyo Carraale oo labaduba ardaydiisa ah. “Haye macallin, nabad sow ma aha?” “Waar waa nabade, maanta waad soo dheeraateene.” “Haa, waannu soo dheeraannay, weliba guriga waanu soo garan weynay oo cabbaar baanu warwareegnay.”

“Denbiga idinka ayaa leh, haddii aad imanaysaan waxay ahayd in aad iga soo tilmaan qaadataan. Waxba se ma aha mar haddii aad timaaddeen. Dhabcaal baan ahay oo marti badan ku ma aan tashan, waan se idiin helayaa laba kursi ee soo fadhiista”, ayuu yidhi isaga oo laba kursi oo ay buugaag iyo wargeysyo ku daadsanaayeen u bannaynaya. “Iska yar fadhiya gabdhaha ayaan shaah innoogu ballaminayaaye”, ayuu haddana isaga oo qolka ka sii baxaya martidii u sheegay.

Qolku waa qol soolane caadi ah. Sariir bir ah oo aan qaali ahayn ayaa gurada soo taal, qaddiifad doogo ah oo caag ah ubax casina ku sawiran yahay ayaa dhulka ku goglan. Daaqad daah buluug ahi ka lusho ayaa albaab debedda u sii jeeda ku dhinac taal, albaab labaad oo ah ka ay ka soo galeen ayaana gudaha u sii jeeda. Waa qol aan wax badan kaga duwanayn qolalka ay iyagu ku nool yihiin, waxaa se dheeraad u ah buugta badan ee kabadhka duugga ah iyo miiska ay hareero fadhiyaan ku rasaysan, oo ingiriisi, carabi iyo soomaali isugu jirta. Wargeysyo carabi iyo ingiriisi ah oo duug u badan ayaa iyaguna miiska saaran. Buugta qaarba si ayuu Raage ku helay, Yurub ayuu se badankeeda ka la yimid. Asxaab uu qurbaha ku lee yahay ayaa wargeysyada badankooda u soo diray, oo dalka si kale ku ma soo gelin karaane gabadh Somali Air Lines adeegto ka ah ugu soo dhiibay.

Markiiba labadii arday buugtii ayay ku qamaameen oo magaca iyo muuqa daawasho ku boobeen.

“Mabaan moodayn in ay waxan oo buug ahi soomaali ku qoran yihiin”, ayuu Carraale maqashiiyay Raage oo irridka ka soo gelaya.

“Sidaas u ma badna. In kasta oo uu qoraalka af soomaaligu ugub yahay haddana runtii dadaal xumo badan ayaa jirta.”

Wuxuu eegay labadii buug ee ay ku foognaayeen oo ahaa ‘Ayaandaran’ iyo ‘Ma dhab baa jacayl waa loo dhintaa?’ dabadeed wayddiiyay:

“Ma akhrideen ‘Ayaandaran’?” “Haa, anigu waan akhriyay”, waxaa yidhi Carraale oo ahaa ka ‘Ayaandaran’ gacanta ku hayay.

“Aadan, adigu ma akhriday?” “Maalmihii ay Xiddigta Oktoobar ku soo bixi jirtay ayaan akhriyay, laakiin haddii ay maanta ahaan lahayd buug kale oo aan cilmi adduun ama mid aakhiro ka kororsado ayaan ka dooran lahaa.” Ujeeddada Raage durba garay. Bilahan dambe dugsiga waxaa ka socday dhaqdhaqaaq diineed oo xoog leh, Aadan iyo Carraale ayaana hawshaas hormuud ka ahaa.

“Ma waxaad lee dahay waan akhriyay waxbana i ma tarin?” “Haa, nasiibdarro! Wuxuu ii ahaa uun madaddaalo.” “Madaddaaladu, aniga aragtidayda, waa qayb ka mid ah faa’iidooyinka sheekada ee ma aha faa’iidadeeda keliya, waa haddii ay marka horeba tahay sheeko nuxur leh. Maxaad se u malaynaysaa sideedaba in sheeko loo qoro ama loo akhristo?”

“Ma diiddani sheeko, laakiin waa in ay lahaataa waxtar la taaban karo, taariikh macno leh, sida tii Khaalid ibn Waliid oo aan dhowaan akhriyay tusaale ahaan.”

“Laakiin taasi waa taariikh oo ka duwan suugaan.” “Haye?” ayuu yidhi Aadan. “Tusaale ahaan sheekada Khaalid ibn Waliid, in kasta oo aanan akhriyin, waan garan karaa in ay tahay taariikh nololeed ku saabsan qof gaar ah, laakiin ‘Ayaandaran’ waa sheeko faneed ka hadlaysa dhacdo dadka oo dhan qof walba si uun u taabanaysa.”

Albaabkii ayaa la garaacay. “Shaahii ayaa inoo yimid”, waxaa yidhi Raage oo kicid u sii hinqanaya. ”Aad ayaad u mahadsan tahay, Aammina!” ayuu ina Xaaji Cabdule ugu mahadnaqay isaga oo falaas shaah ah, saddex bakeeri iyo koob caddays ku jiro ka guddoomaya. “Haddii se aad dhacdo dhab ah xiisaynaysid”, ayuu hadalkii ku sii watay isaga oo shaahii ku shushubaya, “tan kale sidee baad u aragtaa, ‘Ma dhab baa jacayl waa loo dhintaa?’?”

“Qudheeda waan akhriyay, laakiin haddii aan ogaado Cilmi- Boodhari caashaqa la lee yahay wuu u god galay, maxaa iiga kordhaya? Miyaan ka helayaa, tusaale ahaan, waxtarka aan ka helayo ta Khaalid ibn Waliid ee ah taariikhda diintayda?”

Kaaf iyo ka la dheeri! Dhawr bilood hortood Aadan wuxuu ahaa hormuudka dhaqanka iyo suugaanta ee dugsiga, taas oo ah sababta ay Raage isugu dhowaayeen. Xataa tartan faneedkii kalhore ee dugsigooda tix gabay ah oo uu tiriyay ayaa kaalinta koowaad ku guulaysatay. Inanka maxaa ku dhacay? Miyaanay wax laga xumaado ahayn, ayuu Raage iswayddiiyay, in uu arday dugsi sare dhigtaa sidan u fekero?

Laakiin isbeddelka Aadan iyo Carraale si wanaagsan ayuu u la socday, wuu ogaa in ay wadaaddo noqdeen. Sababta ay wadaaddada u noqdeen qudheeda wuu ogaa, waxay la bilaabatay imaatinkii Sheekh Xasan, Aadan aabbihii.

“Khaalid wuxuu meel ku lee yahay diinta, Boodharina dhaqanka, midkoodna in aad jeclaatid wanaag mooyee xumaani ku ma jirto. Haye Carraale?” ayuu yidhi isaga oo isku dayaya in uu garab ka helo. Laakiin isla markaa wuu hubay in ay tahay rajo dhalanteed ah, waayo isaga iyo saaxiibkii Aadan isku waddo in ay ku taagan yihiin wuu hubay.

“Wallaahi, macallin, anigu intii aan diinta dhex galay waxyaalo badan oo awal qiimo i la lahaa ayaan hadda qiimo i la lahayn, waxyaalo kale oo aan dhayalsan jirayna waxaan ogaaday in ay aad muhiim u yihiin. Waxayna i la tahay qofku waqtiga uu buug sheeko ah ku lumin lahaa in uu kaga faa’iidaysto barashada diinta”, ayuu Carraale ku garnaqay.

Marka wax laga doodayo dadka had iyo jeer diinta oo keliya cuskada, ee ka taga tijaabada nolosha, natiijada cilmiga iyo oddoroska caqligu, waxay xaqirayaan guud ahaan dadnimada gaar ahaanna garaadkooda.

“Arrin yar aan meel kale idinka tuso, oo tusaale u soo qaato ‘Ayaandaran’. Shaki igagama jiro mushkiladda ay xallinayso iyo cudurka ay bulshada ka daweynayso in aanay jirin dariiqad ka habboon oo lagu xallin kari lahaa iyo dawo ka waxtarsan oo lagu daweyn kari lahaa. Ma shaki baa ku jira gabadh kasta oo da yar oo sheekadaa akhriday in ay ka kororsanayso waayo’aragnimo mustaqbalkeeda wax ka tari karta, mushkiladda Asli (shakhasiyadda kowaad ee qisada) soo foodsaartay haddii ay soo foodsaartana sheekadani u noqon karto bartilmaameed ay ka duusho? Ma shaki baa ku jira nin kasta oo akhriyay in ay ku abuuri karto xilkasnimo iyo in uu xidhiidhka hablaha ku saleeyo edeb? Ma shaki baa ku jira waalidka akhriya in ay siin karto ka diyaar garow iyo u diyaar garow dhacdo taa la mid ah oo qoyskooda ku iman karta? Ugu dambayn shaki miyuu ku jiraa qof kasta oo damiir leh sheekadanna akhriyay haddii uu xaalad noocaas ah la kulmo in uu ku baraarugayo xilna iska saarayo?

Saamaynta intaa la’eg ee ay ‘Ayaandaran’ keeni karto u malayn maayo in ay jirto aalad kale oo keeni kartaa. Raad sidaas u qoddo dheer ayay sheeko faneed nolosheenna ku yeelan kartaa, xataa haddii aanu qoraagu isagu ujeeddadaaba ka lahayn. Midda kale, adiga oo kursi fadhiya sheeko aad saacado yar ku akhriday ka ma dhacdo adiga oo waxaas oo dhan waayo’aragnimo ku soo maray.”

“Macallin, runtii waxa aad sheegtay waa ay jiraan”, Aadan ayaa Carraale hadalka kaga hororsaday, ”laakiin qofka iyo bulshaduba waxay ku toosi karaan in caqiidadooda islaamka la toosiyo, oo macneheedu yahay in diintooda si saxiix ah loo baro, jahliga iyo khuraafaadkana laga saaro. Markaas intii marka ay dhibaatadu timaaddo xal loo raadin lahaa sidaas ayaaba lagaga hor tegi karaa.”

Carraale madaxa ayuu u ruxay isaga oo saxiibkii u muujinaya in uu hadalka meeshii habboonayd ka abbaaray. Raage wuxuu ka fekeray in uu majaraha doodda beddelo oo inamada la soo qaado wahaabiyada ay qaateen. Laakiin maya, hadalka in uu soo afjaro ayuu ka door biday.

“Doodda waa aynu ku dheeraannay, fasalka ayaynnu ka sii wadiye, sida kale sow khayr uun ma aha?”

“Wallaahi, macallin, waa khayr…” Aadan ayaa yidhi isaga oo xidhmo lacag ah jeebka ka soo bixinaya, ”runtii waannu ku xiijinnay, adiguna waxaa laga yaabaa in aad bixi lahayd. Maadaama adiga, Deeqa iyo wadaadku aydaan ku jirin jabhadda Diiriye, fasalkayagu waxaannu isla garannay in aannu bishiiba waxoogaa aad baska ku raacdaan isugu kiin dardarro, Ilaahay shaqadiinna ha idinka abaal mariyee!”

Raage waxay ku noqotay filanwaa, wuuna qoslay isaga oo labada arday marba mid si ammaan leh u eegaya, lana yaabban sarbeebta ah ”Jabhadda Diiriye.”

“Horta lacagta jeebka geli. Marka labaad aad ayaad ugu mahadsan tihiin labadiinna iyo ardayda kaleba isxilqaanka. Marka xigta, idinka denbigiinna ma aha musuqmaasuqa dalka ka jira iyo daryeel la’aanta waxbarashada haysataa, mana aha in aad ka fekertaan wax aan ahayn waajibkiinna ardaynimo. Annagu mushaharo ayaannu qaadannaa, haddii ay nagu filnaato iyo haddii kaleba shaqaalaha kale ayaannu ka la mid nahay, u mana baahnin haba yaraato ee taageero noocan ah. Deeqa iyo wadaadkuna laga ma yaabo in ay idinka yeelaan. Markaas idinka oo aad u mahadsan, hawshan halkaas ku joojiya.”

Aadan iyo Carraale xoogaa khajilaad ah ayay dareemeen, laakiin fikradda macallinka waa ay garawsadeen.

“Macallin, odayga i dhalay wuxuu i soo faray in aad jimcaha guriga nagala qadaysid,” waxaa yidhi Aadan Sheekh Xasan.

Raage aqoonta keliya ee uu Sheekha u lee yahay waa maalintii uu isku dayay in uu isaga iyo Diiriye dhexdhexaadiyo ee uu buugga siiyay. Laakiin casumaaddu waa wax had iyo jeer xiiso badan. Isla markaas waxaa xasuustiisa ku soo dhacday gabadhii uu Diiriye maalintaas dugsiga ka eryay.

“Waan aqbalay martiqaadka, waanan ka mahad naqayaa. Oo Aadan, waxa aan ku wayddiiyay, gabadh aad walaalo tihiin sow sannadkan dugsiga ma ay bilaabin?”

“Haa.” “Haye, xaggee bay ku dambaysay?” Aadan wuxuu sheegay aabbihii in uu ku adkaystay Safiya haddii loo diiday dugsiga in ay xijaab ku dhigato in ay joojiso, dabadeed ay Hargeysa oo ay qaraabo ku leh yihiin u baxsatay, imikana halkaa dugsiga Kalkaalinta Caafimaadka ka dhigato. Raage warkaa wuu ku farxay, wuxuu xasuusan yahay maalintii Safiya aayaheeda laga doodayay sidii ay u ahayd miskiinad dhan walba ka dulman.

“Si wanaagsan ayay yeeshay. Insha Allah waa loo aayi, siiba haddii ay caafimaad barato. Haddii ay guriga fadhiyi lahayd nafteeda iyo naf kale toonna waxba ma ay tarteen. U sheeg aabbe martiqaadka in aan aqbaly.”

“Waa yahay, aniga ayaa jimcaha kuu iman doona si aan guriga kuu geeyo.”

“Maya, waxba ha isa soo luggoyn, aniga ayaa iman ee ii tilmaan uun adigu.”

Aadan markii uu Raage guriga u tilmaamay ayay isaga iyo saaxiibkii bixid u kaceen.

“Haddaba nabad gelyo!” “Nabad diino!”

***

Beryahaa Soomaaliya waxaa gilgilayay saddex dabaylood oo awoodda burburinta ka la daran. Mid aad u hanfi badani waxay ka soo afuufmaysay xeebta koonfureed ee dalka. Mid kale oo dhaxan badani waxay ka soo dhacaysay buuralayda Itoobbiya. Ta saddexaad oo bacaad kulul wadatay waxay ka imanaysay Lamadegaanka Carabta. Tan u dambaysa ayaa dad uu Sheekh Xasan ka mid yahay sidatay. Wahaabiya waa mad’hab ka mid ah mad’habaha islaamka kuna abtirsata nin sacuudi ah oo magaciisu ahaa Maxamed ibn Cabdulwahaab. Ninkaasi diinta ka ma uu bixin fasiraad lagu tilmaami karo mad’hab, sidii ay sameeyeen imaamyadii hore ee uu Shaafici ka midka ahaa. Ha ahaatee arrimaha caqiidada ayuu meelo ka mid ah u arkay si ka duwan sidii ay dadkii la casriga ahaa u arkayeen. Gaar ahaan wuxuu si aan hore loo arag u farogeliyay sifooyinka iyo dabeecadda Eebbe, una qaybiyay saddex nooc oo ka la madax bannaan mid walibana wax ku tacalluqdo. Wuxuu aad u soo dhoweeyay oo cidhiidhi ka dhigay xayndaabka islaamnimada lagu galo ama lagaga baxo. Wuxuu dhulka la dhacay oo qiimaha ka qaaday dadkii la rumaysnaa in ay Ilaahay u dhowaayeen ee jacaylkooda Ilaahay loogu dhowaan jiray. Qunyar qunyar ayay dabadeed aragtidiisu u xoogaysatay ugana mid noqotay aragtiyaha ka la duwan ee diinta laga haysto.

Markii uu Sacuudigu saliidda helay, ee hodanka noqday, ayay mad’habtaas, oo awal halkaa ku koobnayd, iyada oo aad loo buunbuuniyay dunida islaamka oo dhan dhaqdhaqaaq xoog leh ku yeelatay. Mar keliya ayay wahaabiyada, oo asaas ahaan ahayd aragti caqiido, dhinac walba diinta ka saamaysay. Haddana waxay isu rogtay aydoolajiyad dhaqan iyo siyaasadeed: hantigoosiga reer galbeedka ayay lid ku ahayd, hantiwadaagga reer bariga ayay ka hortag u ahayd, kacaankii shiicada Iiraan ayay joojinaysay, fidinta afka iyo dhaqanka carabta ayayna qayb weyn ka ahayd.

Dadka Soomaalida ee ay fikraddaasi gashay waa laba qolo, ayuu Raage rumaysnaa. Qolo u shaqaysa, mushahar wanaagsanna ka qaadata, jaamacadaha diiniga ah ee Sacuudiga iyo hay’adda Raabidat al-Caalam al-Islaami oo fidinta mad’habtaas hormuud ka ah. Iyo qolo maamulka dulmiga badan eedday, oo iyada oo meelahaa shaqo la’aan iyo xanaaq la tuban ay kooxda hore kiishka ku shubatay.

Qolada hore maslaxadda dhaqaale ka sokow waxay u halgamayaan laba awoodood oo ka la ah: in ay suuqa diinta ee Soomaaliya ka qaadaan wadaaddadii dhaqanka, iyo in ay higsadaan talada dalka. Halka ay qolada dambe u badan yihiin dhallinyaro foolxumada xadka ka baxday ee dalka ka muuqata garawsan weyday, mustaqbalkuna mugdi ka galay, arrimahaas xal u raadintooda ayaana halkaa la martay.

Duhurkii markii salaadda jimce laga soo dareeray ayuu Raage u baqoolay gurigii uu ka casumnaa. Sheekh Xasankan maanta shilis, gadhka weyn, ee afartan jirka ahi, intii aanu Sacuudiga waxbarasho u aadin muddo dheer ayuu xerow ahaa. Isaga oo ah kuray reer miyi ah ayuu xer socoto ah sidii neef baadi ah subax iska raacay. Markii uu dhawr sano xertaa habeenba reer u la hoyanayay, diintana wax uga baxeen, ayuu waqtigu Xamar ku soo xooray. Sanooyin kale ayuu xerownimo ku sii noolaa, masjidyada iyo mowlacyada diinta lagu bartana u ka la lugaynayay. Berigaa waxaa nolol u ahaa allabariga iyo siyaarada awliyada, xuska maytida iyo martiqaadyada la midka ah ee aakhiro abaalka loogu dhigto.

Noloshiisa oo sidaas u adag ayuu Xamar ku guursaday haweenayda ay maanta wada joogaan ee carruurta u leh. Muddo aan yarayn ayuu iyada iyo ubadka ku noolayn jiray sunuudda ay gacanta ugu shubaan qoysas uu raatub u akhriyi jiray. Dabadeed wuxuu nasiib u yeeshay in uu ka mid noqdo wadaaddo deeq waxbarasho diineed ah Sacuudiga laga siiyay.

Waxtarka aqooneed ee waxbarashada halkaa waxaa la mid ahayd ta dhaqaale, lacagta qofka bishii la siiyaana Soomaaliya waxay ka tari jirtay wax badan. Maalmaha uu fasaxa yahayna waxa uu ka shaqaysan jiray hadba waxa uu helo oo ay baabuur masixiddu ka mid tahay. Afartii sano ee uu Sacuudiga joogay wuxuu iibsaday laba dhul oo uu mid ka dhistay gurigan shanta qol ah ee uu maanta deggan yahay.

Dhawr bilood ka hor, markii ay waxbarashadii afarta sano ahayd u soo dhammaatay, hay’adda Raabidat al-Caalam al-Islaami ayaa Soomaaliya kaga hawl gelisay mushaharo bishii laba kun oo riyaal ah, si uu uga mid noqdo dadka Wahaabiyada Soomaaliya ku fidinaya. Durbadiiba wuxuu bilaabay halgan aan nasasho lahayn, wuxuuna ku xidhmay kuwo kale oo badankoodu jaamacadaha Sacuudiga ka soo baxay, gurigiisuna wuxuu ka mid noqday xarumaha ugu waaweyn ee ay jabhaddiisu ku kulanto.

Hawlaha uu markiiba xaafadda ka hirgeliyay waxaa ka mid ahaa dhallinyaro badan oo uu xertiisa ku soo xidhay. Markiiba waxaa la arkay wiilal badan oo gadhka la baxay, filimadii iyo ruwaayadihii ay jimcaha hablaha u daaddihin jireenna duruus diini ah iyo barashada af carabiga ku beddelay. Bishii labaad ee imaatinkiisa wuxuu gurigiisa ku hor qabtay xaflad uu dhammaan raggii ku soo biiray timaha kaga wada xiiray, surwaalladana maqas ugaga gaagaabiyay ilaa qoobabka dushooda. Qaybihii surwaallada laga jeexay waxaa lagu shubay oog dab ah oo halkaa laga shiday, iyada oo isla markaas Sheekh Xasan akhriyayo aayaddii uu Nebigu akhriyay maalintii Maka la furtay ee sanamyada la burburinayay.

Maalintaasi xaafadda waxay ka yeelatay laba magac: Sheekh Xasan iyo inta raacsani waxay u bixiyeen “Maalintii sunnada”, laakiin dadkii ka soo horjeeday waxay ku magacaabeen “Maalintii macnodarrada”.

Dharaartii taa xigtay ayay dumarka xaafadda intii dhaqdhaqaaqa ku soo biirtay munaasabad taa hore u eg afada Sheekh Xasan gurigeeda ugu qabanqaabisay, halkaas oo ay si wadajir ah isaga xayuubiyeen dharkii ay hore u xidhan jireen ee ay diraca, garbasaarta, googaradda, guntiinada iyo toobku ka midka ahaayeen, kuna beddesheen xijaab madow ama aan midab lahayn oo ay qudheedu guriga ku iibin jirtay, dharkaas oo wadaadku Barri Carab ka soo waariday.

Sheekh Xasan ha ka mid ahaado dadkii iyaga oo xanaaqsan beryahaa dalka ku soo noqday ee guud ahaanba islaamnimada bulshada shakiga geliyay muranka badanna abuuray, laakiin run ahaantii kuwo badan ayuu dhaamay marka la eego xagga dulqaadka. Wuxuu rumaysnaa diin in laga doodo iyada oo caqliga la adeegsanayo in aanay sideedaba dabiici ahayn, wax natiijo ahna laga gaadhayn, ee ay tahay in uu qof wax sheego ka kalena dhegeysto. Bes. Samcan wa daaca. Waxii intaa dheeri waa uun muran. Taas darteed wuu dareensanaa dadka had iyo jeer baaqiisa soo raacaa in ay yihiin dad ku soo hanuunay wacdiga iyo waanada.

Nasiibdarro markii uu Sacuudiga ka soo noqday dadkii ugu badnaa ee ay murmeen iskana hor yimaadeen waxay ahaayeen wadaaddadii xerownimada iyo noloshii adkayd ee uu qudhiisu soo maray ku jiray. Mushkiladdu waxay ahayd isaga oo waxii ay ku noolaayeen oo dhan ee siyaaro, allebari, raatub, qardhaas, cashar iyo jinni saarid ahaa, ee uu isaguba ku soo ceeshay, xaaraan iyo baaddil ku sheegay. Iyaguna Sheekh Xasan waxay u arkeen nin risiqmaanac ah oo markii uu nolol helay doonaya iyaga in uu cuneqabateeyo. Sidaas oo kale waxay ka baqayeen kooxdiisa cusubi in ay suuqa diinta lagu ka la iibsado ee ay awalba dariiqooyinka badani isku haysteen qayb ku yeelato.

Laakiin dhab ahaan Sheekh Xasan iyo kooxdiisu waa ay iska la hanweynaayeen in ay dariiqooyinkaa badowda ah wax la qaybsadaan. Waxay doonayeen dhammaan arrimaha diinta in ay iyagu si buuxda u la wareegaan, bulshadana gacanta ku wada qabtaan, ilaa heer hoggaan siyaasadeed. Tiigsiga hoggaanka siyaasaddu wuxuu ka hor keenay taliska dalka xukuma oo dagaal ba’an ku qaaday oo wadaaddadii hore u hiiliyay.

Dhanka kale istiraatijiyadda ololaha wahaabiyadu wuxuu ahaa in awoodda ugu badan la saaro ururinta dadka aqoonta leh iyo dhallinyarada. Barnaamijka dhallinyarada ku wajahan ilaa markaa guul weyn baa laga gaadhay, dadka dhaqdhaqaaqa cusub ku soo qulqulana, rag iyo dumar, waxaa u badnaa dad ay da’doodu soddonka ka hoosayso.

Sheekh Xasan wuxuu xansaday mowqifka Raage ee ku saabsan waallida dugsiga ay carruurtiisu dhigato ka socota, wuxuuna u arkay nin soo dhoweyn mudan. Wuxuu jeclaystay in uu la kulmo, isaga oo aad u quuddaraynaya in uu jamaacada ku soo riixi karo. Haddii ay suurtogasho waxay keeni kartaa in uu isaguna dad badan saamayn ku sii yeesho, siiba ardaydiisa. Sababtaas ayay ahayd ujeeddada martiqaadku.

Raage isaga oo cabbaar soo lugeeyay ayuu ganjeeladii guriga soo garaacay. Waa guri cad oo cusub kuna yaal dhammaadka Xamarjadiid, galbeedna uga muuqda gegida cayaaraha Istaadiyow Muqdisho. Derbiga waxaa ku taxan jajab quraaradeed oo tuugta lagaga gaashaamay. Waa guri soomaaliyeed oo waqtigiisa jooga: inta uu la’eg yahay, qaabka dhismaha iyo awoodda uu ugu babac dhigi karo dabeecadda nolosha rifta ee gaboojisa.

Soomaalida badankoodu in ay dhistaan guryo aan cimri dherer yeelan karin saboolnimo keliya loo ma aanayn karo, ee waa fahamka nolosha laga haysto ee ah dunidu in ay tahay habeendhax, geed lagu nasto, hoosiis iyo dhalanteed; in aakhiro loo socdo, safar in lagu jiro, qof safar ahna aanay habboonayn culaabta in uu isku badiyo; in wax kasta oo la tacbaday la iska xisaabinayo, adduunkana macnodarro loogu harraadayo oo maro cad uun lagala tegayo. Taa darteed qofku marka uu wax dhisayo waxaa laga yaabaa in uu maskaxda ku hayo “culayska iyo xisaabta aakhiro ha isku badin”. Fekerka sidaas ahi wuxuu hakiyaa hanka, hiyiga iyo horumarka guud ee qofka dabadeedna bulshada oo dhan. Gurigan Sheekh Xasan ee ka dhisan bulkeetiga rakhiiska ah, ee ay dhowaan dabayshu afuufi doontaa, wuxuu tusaale u yahay waxqabad kumeelgaadh ah.

Markii uu albaabka garaacayba wuxuu gudaha ka maqlay digdigtii iyo orodkii dumarka oo la moodo lo waraabe duddada isu soo taagay. Waa guri wadaad iyo caadadii. Wadaadkii oo qamiis cad ku dhex jira, cimaamad sacuudina hagoogan, ayaa albaabka ka furay, salaan iyo gacanqaad ay ilka caddayni wehelisana ku soo dhoweeyay. Waa nin shilis oo aad u madow, markii uu yaraana waxaa lagu naanaysi jiray Xasan-Tuke. Laakiin markii uu dhuuni dux leh helay, dhaxantii iyo qorraxdiina hoy ka galay, waa kaa yeeshay dub nadiif ah oo marka ilaysku ku dhaco sida malowga u ifaya. Gudaha ayaa loo wada gudbay iyada oo la sii dhex maray daarad yar oo hareeraha doog iyo ubax lagaga beeray. Waa daarad nadiif ah oo indhaha deeqaysa, gaar ahaan indhaha Raage ee ku basaasay barxadda habaaska leh ee guriga uu kirada ugu jiro ee ay meel walba kabta go’day iyo kalaxa jabani foororaan. Dhawr qol oo iska soo horjeeda ayaa kii ugu sokeeyay la galay, waa qolkii fadhiga. Aadan Sheekh Xasan ayaa salaan ka la hor yimid. Daahyo qurux badan baa labada daaqadood ka deldelan, roog cas oo ah nooca Aasiya laga keeno ayaa dhulka daadsan, derbigana waxaa ku tiirsan kabadh ay buugaag Carabi ahi ku teedsan tahay ishuna meel fog ka garanayso dhammaan in ay yihiin kutub diini ah.

Kuraas fadhi debecsan ayaa la wada fadhiistay, kuwiisii gaboobay ee marka salka la saaro liiqliiqan jiray ayuu Raage xasuustay. Miiska waxaa saaran nuqul ka mid ah caddadkii ugu dambeeyay wargeyska caanka ah ee al-Mujtamac. Waa wargeys dalka mamnuuc ka ah, qofka lagu qabtaana xabbis ayuu ku mutaystaa. In aan laga qarin, ama aan ugu yaraan miiska laga qaadin, Raage waxay dareensiisay kalsoonida ay qoysku ku qabaan, taas oo isaga qudhiisa siisay degganaansho dheeraad ah. Meel dhinac ah waxaa ka muuqata gogol dhulka loo dhigay oo qadada loo diyaariyay.

Intii aan salaantii soo dhoweynta weli la iska la gudbin ayaa gogoshii cunto lagu soo toomiyay, waxaana loo fadhiistay qado saddexdooda ah oo arag iyo dhadhan wanaagsan. Bariis iyo hilib idaad oo isku karis ah oo uumigu ka baxayo, maddiibad suugo ah oo udgoonkeedu nafta taabanayo, hilib baradho, kaarooto iyo kaabej lagu kariyay, xabbado muus ah, saxan salladh ah, iyo weel cambe qabowi ku jiro ayaa bisinka loo qabtay.

Markii qadadii laga soo jeestay ee weelkii dib loo guray kuraastii fadhiga lagu ma noqon ee gogoshii lagu qadeeyay ayaa shaah iyo sheeko lagu sii wadaagay. Wadaadka ayaa haasaawaha daaddihinaya, sheekooyin goosgoos ah oo af carabi ka buuxo, oo aan sidoodaba dhadhan soomaaliyeed lahayn, ayuu midba mid uga gudbay.

Wadaaddada Soomaalida si foolxun ayay af Carabiga iyo af Soomaaligu iskaga dardarsamaan. Hadalkooda carabi ayaa ka buuxa, maahmaaho, gabayo iyo halhaysyo carbeed ayaana had iyo jeer ku dheehan, sidii ajar looga qorayo. Sababtu ma aha oo keliya, sida lagu eedeeyo, in ay af soomaaliga dilayaan oo carabiga faafinayaan, ee iyaga oo dad waaweyn ah ayay barashada carabiga bilaabaan, waxayna ka la kulmaan hawl badan. Dadaalka badan ee ay barashadiisa ugu jiraan ayaa keena in ay had iyo jeer ku dhadhabaan, taas oo ay ka la mid yihiin dadkii waqtigii hore afafka Yurub baran jiray dabadeed meel walba isla taagi jiray. Waa caadi dadku hadba luqadda ay ilbaxnimo bidayaan in ay isku dhisaan.

Sheekh Xasan markii uu cabbaar hadalka waday ayuu dareemay in uu ku dheeraaday, si uu fursad u siiyo ayuuna ninkii martida u ahaa wayddiiyay:

“Raage, kitaabkii aan ku siiyay waad akhriday sida aan filayo?”

“Haa, maalintiiba. Waxaa se qoray nin diinta ka eegaya xagal cidhiidhi ah. Waxaan xasuustay wadaadkii ay reer burco ku tilmaameen nin diinta baabka cadaabta ka bartay.”

“Khayr Alle ha siiyo ee wadaadkaas wax badan baan ka kororsaday. Diinta baabka cadaabta ka ma uu baran ee wuxuu inooga digayaa baadinnimada.”

“Runtii cabsi aad u badan ayuu igu abuuray. Sida uu wax u sheegayo ma jiro qof ka badbaadi kara cadaabta uu ka dhigay wax aan cidina ka badbaadi karin. Diinta si ay naftu ugu degto waxaa habboon in laga helo naxariis, argagixintu ma aha dariiqa ugu habboon ee diin loo gudbiyo.”

“Maya ee naartana waa in la isaga digaa. Kutub kale oo uu qoray ayaan ku siin, insha Allah.”

“Waan kaaga mahad naqayaa waayo runtii qoraallo aan carabida ku ilaashado waan u baahnaa. Laakiin wadaadkaas iga daa oo mid kale ii dayday.”

“Kutubtaydaa kii kale ee aad doontid ka la bax.” Sheekh Xasan shaahii inta uu saddex jeer fiiqsaday ayuu dhigay, dabadeed sintii uu awal ku fadhiyay mooyee tii kale isu rogay. Shilayska iyo dheregta dartood dhaqaaqaa yar wuu ku xiiqay cabbaar ayuuna neefneefsaday. Waxaa muuqata in uusan dheg u jalaqsiin dardaarankii Rasuulka ee macnihiisu ahaa in caloosha qayb cuntada lagu rido, qaybna biyaha lagu shubo, qaybta saddexaadna neefsiga loo banneeyo. Inta uu cimaamadda dhidid iskaga masaxay iskuna babbiyay ayuu si hadalkii hore ka baxsan u wayddiiyay:

“Raage, nimankaa reer yurub ee aad soo aragtay maxaa horumarkooda u sabab ah ayaad u malaynaysaa?”

“Dishibbiliin hagaagsan iyo shaqo badan.” “Marnaba maskaxdayda waxaa geli weyday dad Allah beeniyay, oo rumaysan dunidu in ay ka abuurantay qarax lamafilaan ah noloshuna ka dhalatay haro dhooqowday, in ay iga talo hagaagsan yihiin.”

“Horumarku waa natiijo ka dhalata fekerka iyo waxqabadka dadka ee diin waxba ka ma gelin.”

“Ma jirtaa horta in ay sidaas rumaysan yihiin?” “Waa mid ka mid ah aragtiyo ay ku ka la duwan yihiin.” “Ma isla kuwaasaa qolada rumaysan dadku in uu yahay daayeer hadal bartay?”

“Haa.” “Innaa Lillaah wa innaa Ileyhi raajicuun! Yaa akhii, sow ma aha nadariyad mufsic ah?”

“Haa, waa aragti argaggax leh, laakiin argaggaxu waxba tari maayo, fekerka aadamigu xad ma leh.”

“Waa wax laga argaggaxo. Mar haddii se ay iyagu maanta Allah ka sokow dunida hoggaanka u hayaan, fikradaha ay ka la haystaan ee aad sheegtay mid lala noolaan karo ma ku soo aragtay?” ayuu si quus ah u sii xog waraystay.

“Haa, waa ay ka buuxaan.”

“Dabcan waa intooda kiristaanka ah, sow ma aha?”

“Maya, i la ma aha in ay diin ku xidhan tahay.”

“Innaa Lillaah wa innaa Ileyhi raajicuun! Maxaad iyagaba kaga daali, Allaah oo laga jeestaa foolxumada ay lee dahay soomaali ka eeg. Waa taa sidii geel uu dhuug cunay midig iyo bidixba diidday ee cartan ku waalatay. Ruuxii garaad lihi wuu garanayaa sababtu in ay tahay xaqii oo laga leexday xalkuna ku jiro in loo noqdo.”

“I la ma aha in xaq laga leexday ama diin la’aani jirto, ee waa jahli iyo faqri waxa dhibaatada wadaa.”

“Diin la’aan baa jirta, yaa akhii, ilaa diinta loo noqdana jahli iyo faqri midna laga bixi maayo.”

“Laakiin Sheekh Xasan, dadkeenna oo ku caan baxay diin jacayl in aad diin la’aan ku sheegtaa miyaanay dulmi ahayn? Umaddu awalba muslin waa ay ahayd ee waa maxay diinta aad lee dahay ha loo noqdo?”

“Diin la’aan baa jirta, yaa akhii, ma waxaa diin haysta qof aan tukanayn, ama sidii wax waalan xabaal dul yuurura, marna sidii wax la sixray maamul daaquud ah sacabka u tumaya?”

Wadaadku marka uu sidaas u hadlayo ma oga aragtida siyaasadeed ee Raage, warna u ma hayo in uu maamulka daacad u yahay oo xabsiga ku ridi karo iyo in kale. Waxba se yuu dadka diin la’aan iyo daaquudnimo ku eedayn, ujeeddo taa ka fog ayuu lee yahay. Si uu mashruuca uu wato ugu weel banneeyo ayuu waxii hore u jiray oo dhan diin la’aan iyo daaquudnimo ku sheegayaa. Raage isaga oo arrinta sidaas u arkay ayay la noqotay runta in halkeeda loogu tago.

“Ma aha markii koowaad ee ay inoo timaaddo aragti ku doodaysa diin aynu ka tagnay in ay inagu celinayso, waxaana ka dhalan jiray uun iska horimaad iyo ka la qaybsan. Qarnigii horeba waxii qayladhaan inoo timid ee saalixiya, qaaddiriya, axmadiya iyo wax la mid ah lahaa, waad og tahay. Markaas wahaabiyadan aad waddaan sow iyaduna la mid ma aha?”

Ninku gardarro badanaa! Miyaanu ogayn duulka in loo qariyo naanaysta wahaabiya oo ay ka xanaaqaan, kana jecel yihiin in loogu yeedho saxwa (baraarug)? Miyaanu ogayn dariiqooyinka uu ugu abtirinayo in ay u arkaan wax dulli ah oo ay iska la weyn yihiin? Intaas iyo faallada uu su’aasha raaciyay dareenka Sheekh Xasan ma uu soo dhoweyn, laakiin xanaaq ma uu muujin.

“Waan ka xumahay halgankayaga in aad ka la mid dhigtid khuraafaadkii Suufiyada oo ah waxa koowaad ee aannu burburinayno.”

“Laakiin sow ma ogid iyaguba waqtigoodii in ay ku doodayeen dad diin ka tegay in ay ku soo dabbaalayaan?”

“Laakiin maxay ku soo dabbaaleen?” “Waxba, sida aanan u arag diin laga tegay iyo wax aad qudhiinnu soo dabbaalaysaan toonna.”

“Aad ayay u ka la duwan yihiin kuwaa aad magacawday iyo saxwadu. Iyagu waxay lahaayeen ujeeddo macnodaran oo diinta gabbaad looga dhigtay, laakiin annagu meel ku dhaqanka shareecada ka sokaysa geeddiga ku furi mayno. Carabida waa taqaane akhri, yaa akhii, kutubta ay ka midka yihiin Macaalim fi-dariiq uu qoray Sayid Qudb, raximahu-Laah! ”

“Sheekh, kitaabkaas iyo qaar kaleba waan akhriyay, waxaan se adiga oo raalli iga ah ku wayddiiyay, sow dhab ma aha markii aad Soomaaliya ka dhooftay in aad diinta ka qabtay aragti ka duwan tan aad maanta qabtid, ee gaadhsiisan in aad bulshada u aragtid gaalo? Hadii ay sidaas tahay, sow ma jiraan wax ku soo beddelay?”

“Haa, culimo diinta aqoon fiican u leh, oo Qur’aanka iyo Sunnada faham cusub uga daadegtay, ayaan aqoon hagaagsan ka soo helay.”

“Waa si wanaagsan, waayo fekerka iyo cilmibaadhista diinta iyo aqoonta kaleba ku saabsani inta uu aadami jiro waa ay soconayaan, fac walbana waxaa hor imanaya su’aalo jawaab uga baahan. Laakiin tani sow ma aha uun siyaasad?”

“Siyaasad sidee ah?” “Carabayn?” “Yaa akhii, adigu muslimiinta carab iyo cajam ha u ka la qaadin. Carabnimana ma wadno ee Allaah kitaabkiisa ayaanu wadnaa.”

“Laakiin dhab ahaan ma aragtaa, sidee baad se u aragtaa, ololaha isirdoorinta ah ee inagu socda?”

“Oo walaalow isirdoorinta maxaad ku diidi haddii aad Allahaaga, Nebigaaga iyo diintaada ugu dhowaanaysid?”

“Carabnimo miyaa Ilaahay loogu dhowaadaa?”

“Haa, diinta ayaa af Carabi ku degsan, Nebiga ayaa ka dhashay, Xarameynka ayaana ku yaal, Aakhirana waxaa lagu hadlaa Carabi.”

“Soomaalinimada iyo af Soomaaliga qudhooda Ilaahay baa abuurtay, markaa haddii la dumiyo sow meelkadhac ku ma aha xikmadda abuurista Eebbe?”

“Dumin iyo isirdoorin ta aad doontidba ku sheeg, laakiin Carabida iyo diintu ma ka la maarmaan. Inta aan maanta af Soomaaliga ka aqaan haddii aan Carabi ku beddelan karo waan ku beddelan lahaa. Maxaan af Soomaaliga ku qabaa oo aan ahayn qarjajac iyo gabay qabiil?”

Raage aqoon wanaagsan ayuu u lahaa diinta, sidaas oo kale fikrad ku filan ayuu ka haystay taariikhda labada mad’habood ee Soomaaliya ku cusub ee Ikhwaan al-Muslimiin, oo ku abtirsata wadaad reer Masar ah oo lagu magacaabi jiray Xasan al-Banaa, iyo Wahaabiyada Sacuudiga. Sidaas awgeed baahi badan u ma uu qabin in uu wax ka ogaado macnaha ay ku dhisan yihiin. Wuxuu se xiisaynayay in uu ogaado aragtida dhabta ah ee wadaaddada soomaalida ee arrintaa ku jira, aqoonta, fekerka iyo wacyiga ay doonayaan in ay hoggaanka siyaasadeed ee ay u hamuumayaan ku la wareegaan inta ay qodan yihiin.

Maanta wuxuu hubsaday fekerka wadaadku halkii uu ku malaynayay in uu aad uga hooseeyo. Wuxuu u baahan yahay xoogaa aqoon guud ah oo aan diin keliya ahayn. Wax walba ka hor wuxuu u baahan yahay in uu fahmo waajibka ka saaran ilaalinta jiritaankiisa ummadeed. Wadaadka soomaaliyeed ficil la’aantii uu beri hore tolkii dayrada kaga noqday ayuu weli qabaa oo uu qarankiisana dayro kaga noqonayaa.

Isaga oo fekerka Sheekh Xasan miisaamaya ayay mar ku soo dhacday fikrad uu ku dhowaaday in uu qosol ka wareego. Wuxuu maleeyay wadaadku salaadda uu tukadaba in uu Eebbaha awoodda leh ka baryo soomaalida in uu carab ka dhigo, oo carabida wada baro oo af soomaaliga jaan ka madoobeeyo; in uu qamiisyo iyo cimaamado iyo weliba cigaal u wada xidho; muuska xun in uu ka gubo ama ayax iyo abaar kaga sallido, xoolahana caal iyo dhugato ka geliyo, oo dhulka timmir iyo ceel samsam ah uga soo saaro iyo batrool; dumarkan dugsiga iyo shaqada baas lagu jaanjaamay ee waagii beryaba waddada sii jarmaadsan Ilaahay in uu tuf iyo taag la’aan ku wada rido oo sida kuwa Sacuudiga guryaha yuururiyo.

Sheekh Xasan dadka xaafaddu ma jecla. In uu gaalo u arko oo keliya ku ma ay nicin ee waxaa jirtay taariikh hore. Imaamka masjidka xaafadda, Imaam Daahir, iyo isagu isku xer iyaga oo ah ayaa isku mar jaamacadda Sacuudiga loo qaatay. Markii ay Sacuudiga tageen waxay la kulmeen dhaqan diineed ka duwan kii ay wateen, waxyaalo badan oo ay ku dhaqmayeen ayaana loogu sheegay bidco iyo camal sheyddaan. Iyaga iyo sacuudiyiintii ayaa isku dhacay, waxaana loo sheegay in ay hadal la’aan ku qaataan dhaqanka ay Sacuudiga ugu yimaadeen, haddii kale dalkoodii gaajada ahaa ku noqdaan.

Maslaxad dhaqaale iyo aqooneed oo ay ardaydii dunida saboolka ah ka timid ilaashato ayaa meesha taallay, sidaas darteed ardayda kale oo uu Sheekh Xasan ka mid yahay waxay door bideen in ay hoggaansamaan. Laakiin Daahir taasi u ma ay cuntamin, isaga iyo maamulkii jaamacadda ayaana dhawr jeer murmay. Fursaddan aqooneed iyo nololeed ee hor taalla il baahan buu ku eegay, dhaqan diineedkiisa sidii funaanad wasakhowday laga beddelayana wuu liqi waayay. Wuxuu u arkay liidnimo in uu sidii uu diinta ugu dhaqmayay ka tago nimanka uu soo martiyay oo sidaas doonaya darteed. Dabadeed go’aan xin u janjeedha ayuu qaatay, dalkiisa ayuuna ku soo noqday.

Xidhiidhkoodu sidii uu berigaas u burburay weli dhulka ayuu daadsan yahay, maalinbana ta ka dambaysa ayuu sii burburaa. Beryihii uu Sheekh Xasan soo noqday waa ay doodeen, laakiin waa ay isfahmi waayeen. Bidci iyo bidci ayay isku tilmaameen, dabadeed kaafir iyo kaafir ayay ka gaadhay. Maanta haddii ay iska soo hor baxaan isma salaamaan, midba ka kale wuxuu u arkaa in aanay salaantu ku bannaanayn. Dadka badankooduna Daahir ayay la dhinac yihiin.

“Raagow, waxaan kuugu nasteexaynayaa in aad ku soo biirtid saxwada iyo shabaabka. Weliba adigu al-luqah al-carabiyah waad taqaan oo barashada diintu waa ay kuu fudud dahay. Nagala soo qaybgal muxaadarooyinka iyo duruusta qayimka ah ee socda.”

“Wacdiga waad ku mahadsan tahay, laakiin in aan urur ku biiro runtii diyaar u ma ahi.”

“Urur ku soo biir ku ma dhihin dee anigu, yaa akhii, diinta aynu wada baranno oo jahliga ka baxno weeye waxa aan kuugu nasteexaynayaa.”

Aad ayay u doodeen, ha yeeshee Sheekh Xasan maalintaas wuu ku guuldarraystay in uu xisbigiisa u helo xubin cusub oo lagu magacaabo Sheekh Raage. Sidaas oo ay tahay waxaa u bilaabatay dood joogto ah oo ku saabsan fekerka diineed ee cusub.

***

Rooble bil ka hor ayuu isaga oo wefdi hoggaaminaya u dhoofay dalka Ingiriiska si uu uga qaybgalo aqoon isweydaarsi caalami ah oo ku saabsan wax ka qabashada akhris- iyo qoris la’aanta dunida sookoraysa. Laakiin wefdigii dalka wuxuu ku soo laabtay iyada oo aan Rooble iyo afadiisii la socon. Intaasna Leyla iyo Raage la ma ay soo hadlin. Dabadeed maalin ayuu Raage sanduuq ay isaga iyo reerku Boosta Dhexe ku wada lahaayeen soo furay, kaas oo khamiis walba la soo furi jiray. Wuxuu ugu tegay laba warqadood oo isaga iyo Leyla ku ka la socda.

Isaga oo waxa warqadda ku qoran sugi kari la ayuu beerta dhismaha boosta kursi dhagax ah fadhiistay oo akhris ku boobay. In kasta oo qorraxda kulul darteed warqadda cadi indhaha ka cawaraysay haddana si xamaasad iyo degdeg ah ayuu u akhriyay. Dabadeed inta uu farta murdisada wejiga dhidid kaga hooriyay oo warqadihii isku babbiyay ayuu cabbaar dhan cidlada hortiisa ah ku dhaygagay. Mar dambe oo dhidid qooyay ayuu kacay oo waddada Baar Shabeelle tagta cagta saaray, halkaas oo uu Deeqa iyo Leyla ku la ballansanaa.

Rooble wuxuu soo sheegay in uu Ingiriiska magangalay, mucaaradkana ku biiray, dalkana ku soo noqon doonin jeer isbeddel ka dhaco. Wuxuu kale oo soo sheegay in uu ku dadaalayo sidii uu labadoodana dalka uga kaxayn lahaa. Runtii Raage wuu ka naxay sida uu adeerkii u fekeray. Waa heer ka hooseeya kii uu ku malaynayay.

Qofkii dalka qalad ka arkaaba haddii uu debedda u cararo gudaha waxaa lagaga tegayaa dad aan waxba arkayn, taas oo xaaladda uga sii daraysa, ayuu Raage ku fekeray. Haddii isbedel loo baahan yahay muxuu beddeli karaa qof dalkaba ka tegay? Debed u cararku waa moodo ay soomaalidu beryahan u tartanto, waa se fulaynimo ta ugu weyn. Waa uun baqecarar ee wax kale ma aha.

Nasiibdarro inteeda la’eg ayay ahayd in la aaminsanaa in uu jiro indheergarad qurbaha ku maqan oo mustaqbal aayo leh soo sidaa. Aragtida uu Raage taa ka qabay aad ayay uga duwanayd ta dadka badankiisa. Rag badan oo aqoonyahanno sheeganaya, ama dalka xilal muhiim ah ka hayn jiray, oo Yurub qaxooti ku ah, ayuu intii uu carrigaa joogay bartay. Kuwaa dalalka ay maganta u yihiin waxaa laga siiyay nolol yar oo aad u xaqiran laakiin ay inta badan raalli ku yihiin. Qaarkood si maangaabnimo ah ayay mashaakilka dalkooda ee ay ahayd in ay wax ka qabtaan warbaahinta debedda kaga caayaan. Had iyo goor guuldarrada waxay dusha kaga tuuraan hoggaamiyaha siyaasadda, waxayna meesha ka saaraan qaybta weyn ee ay iyaga qudhoodu taa ku leh yihiin. Waa musiibo reer Afrika oo dhan ku yuururta.

Hoggaamiyaha siyaasaddu haddii uu wax ku dhaawacayo joogitaankiisa khasabka ah ee aan loo baahnayn iyagu waxay wax ku dhaawacayaan ka maqnaanshaha dalkooda iyo sida ay dadka uga dhex baxeen. Sideedaba xilka koowaad ee siyaasigu ma aha in uu bulsho dhiso, ee waa in uu hoggaamiyo ka dib marka ay iyadu isaga dhisto. Taasi waxay lid ku tahay indheergaradka oo ay tahay in uu isagu bulshada dhiso. Halkaas waxaa ka muuqata isa saamayn ka dhaxaysa saddexda qolo: bulshada, siyaasiga iyo indheergaradka. Marka uu indheergaradku ku guulaysto diyaarinta bulshada ayay bulshadu ku guulaysan kartaa barbaarinta iyo xulashada hoggaamiye siyaasadeed oo hagaagsan. Waana dhab maahmaahda tidhi ”Hal booli ahi nirig xalaal ah ma dhasho.” Haddaba cabaadka macnodarrada ah iyo dhaliisha joogtada ah ee uu aqoonyahanka Afrikaanku u soo jeedinayo hoggaamiyaha siyaasadda, marna dadweynaha, waa mid uu kaga dhuumanayo waajibkiisa uu gabay.

Raage waa ay ku adkaatay in uu rumaysto Rooble in uu dalka ka tegay nadaamka ka jira oo uu dhaliilayo dartii. Wuxuu u soo hadlay sidii uu dal ka tegista cid kaga aargudanayo.

Qof kasta oo dunida ku nool adeerkii wuu ka la sarrayn jiray, qaddarinta uu u hayay waxay gaadhsiisnayd in uu ka sarraysiiyo aabbihiisa reer miyiga ah ee aan magaciisa qori aqoon. Laakiin fikraddaa maanta wuxuu u arkaa in ay ahayd fudayd carruurnimo. Run ahaantii odaygaa geelleyda ahi wuxuu mudan yahay xushmad, waayo noloshii uu isu xil saaray wuu ka soo dhalaalay. Wuxuu ku guulaystay in uu geel badan dhaqdo, wiilal badan dhalo, degaanka uu ku nool yahayna maamulkiisa iyo habsami u wada noolaantiisa door ka cayaaro. Ma waajib aan intaa ahayn ayaa ninka halkaa ku nool saaran? Sidaas ayuu sharaf iyo qaddarin kaga mutaystay bulshada uu la nool yahay.

Laakiin Rooble hawshii uu isu xil saaray, ama loo xil saraay, in uu ku guuldarraystay miyaa ay tahay wax uu dafiri karo? Sannadihii badnaa ee uu waxbarashada ku lumiyay, buugaagtii badnayd ee armaajada weyn ku ururin jiray iyo islaweynidii uu dadka aan waxbaran u arkayay in ay dadnimadoodu hoosayso, muxuu kaga midho dhaliyay? Joogista liidata ee qurbuhu sow qirasho u ma aha guuldarradda culus ee uu weheshanayo?

Raage wuu maleeyay xaaladda nololeed ee uu Rooble Ingiriiska kaga noolaan karo, wuxuuna hubaa tacliintii uu la tegay oo Soomaaliya wax weyn ka ahayd xaggaas in aanay waxba uga noqon doonin. Haddii uu Soomaaliya ka ahaa qof dadkiisa abaal u gala xaggaa wuxuu ka noqonayaa uun qof had iyo jeer loo abaal sheegto. Maalin uu kuray caddaan ahi ku yidhaahdo ”Go home nigger!” ayaan u qalmin konton sano oo martigelin ah. Waa haddii uu odaygu weli yahay nin dhug leh oo dhimirkiisu fayow yahay.

Haddii uu ka qaxay xaaladda siyaasadeed iyo nololeed ee uu dhaliilay ma wuxuu doonayaa in ay cid kale taa wax ka qabato, dabadeed marka wax walba la hagaajiyo isaga ubax lagu soo dhoweeyo? Laakiin waa ayo cidda ubaxa ku soo dhoweynaysaa? Waa ayo cidda laga sugayo in ay wax hagaajiso?

Xushmad badan ayuu odayga u hayay, laakiin maalintaas wuxuu u ahaa qof kale. Haddana wuxuu ku fekeray in uu yahay tuhun dulmi ah. Qof waliba sow xaq u ma leh in uu noloshiisa meel ku tiiriyo? Kee baa horreeya waajibka qofka naftiisa ka saaran iyo ka bulshada kale ka saaran? Haddii ay jawaabtu tahay ta hore, danta guud yaa u xilsaaran? Haddii se ay jawaabtu tahay ta dambe, nolosha qofku maxay macno lee dahay? Ma in uu naftiisa dayaco, oo dal iyo dad jaan sida addoonka ugu shaqeeyaa? Jawaabtu labada midna ma aha ee waxaa halkaas ka soo baxaysa xaqiiqo kale. Waxaa sax ah in la iswaafajiyo, la isuguna adeego, danta gaarka ah iyo ta guud. Sida ay dulmi u tahay in uu qofku waajibka bulshada ka saaran dayaco ayay dulmi u tahay bulshadu in ay xaqa muwaadinka lumiso. Wuxuu se qofku noqonayaa weli barakaysan haddii aanu ka fekerin waxa dalkiisu taray, ee ka fekero uun waxa uu isagu dalkiisa taray, sidii uu ku taliyay J F Kennedy.

Isaga oo sidaas isku qanciyay ayuu istusay mushkiladda Soomaaliya in ay tahay labadaas oo iswaayay: bulshadu muwaaddinka xaqiisa ma siiso, muwaaddinkuna waajibkiisa ma guto. Dabadeed waa taa jiritaankii soomaalida ay isu tuurtuureen maamul nacayb ka buuxo iyo mucaarad mid la’egi ka buuxo.

Waa maxay mucaaradnimada ay inta dalka ka yaacday sheeganayaan? Ma in London, Roma iyo Addis Ababa la istubo oo warbaahinta shisheeyaha laga yooyootamaa? Ma in cadow burburkaaga jecel loo galo oo hub iyo ciidan laga soo urursadaa? London, Roma iyo Addis Ababa sow ma aha saddexda soomaalida halkaas dhigay, ee sidii hal la qalay waaxyaheeda jarjaray? Labada dhinacba tanaasulka iyo fahamka ay dalalkaa u samaynayaan, iyo debecsanaanta iyo jajabnaanta aan xadka lahayn ee ay u muujinayaan, maxay iyagu isugu waayeen?

Maamulka iyo mucaaradka mid waliba wuxuu wax kasta u samaynayaa helista barakada shisheeyaha, wuxuu uga tanaasulayaa karaamo iyo sharaf kasta, dhulka ayuu u galgalanayaa, gunnimo kasta ayuuna u qaayibayaa, si uu u helo xabbad uu soomaaliga kale ku dilo. Laakiin in yar u samayn maayo soomaaliga kale si khilaafka jira xal loogu helo. Soomaaliga sidiisaba weli maskaxdiisa ku ma ay dhicin in la soo dhaafay marxaladdii uu cadawgiisu ahaa Soomaaliga kale. Haddii uu waajibka mucaaradku yahay in uu isbeddel wanaagsan ku sameeyo siyaasadda dalka, taa miyuu ku gaadhi karaa Xabashi, Talyaani, Ingiriis iyo Maraykan uu magangalo? Mushkiladda ugu weyn ee Afrika ka taagan ayaaba ah cabbudhinta uu kelitalisku ku hayo fikradda aan tiisa waafaqsanayn, iyo dabadeed fikraddaas oo naflacaariga magangasha cadawga ugu daran ee qarankaasi lee yahay. Fekerka maamulku waa ”Cad yahow wallee ku cunay ama ku ciideeyay,” ka mucaaradkuna waa ”Waxba dhawran maayo ee Alloow dhagaxyo soo daadi”. Waddo labadaa cadaabood u dhaxaysa inta aan la helin aayuhu wuxuu ku jiraa mugdi.

Isaga oo sidii oday cantatabay isu la hadlaya ayuu Baar Shabeelle ugu yimid Leyla iyo Deeqa. Miis ay fadhiyeen ayay isagana biyo qabow iyo shaah ugu dalbeen.

“Gacaliye, bisinkee maxaa dhidid kaa da’aya! Miyaad soo lugaysay?” Deeqa ayaa wayddiisay iyada oo wejiga gacanta ka marinaysa.

“Haa, qorraxduna maanta waa cadaab.” “Oo miyaad lacag la’ayd?” “Maya.” Leyli warqaddii ayay akhris ku la boodday, markii ay laabtayna kursiga si nefis leh dib ugu tiirsatay. Waxay sheegtay in ay ku faraxsan tahay aabbaheed in uu Ingiriiska magangalay.

“Waxaan maqlay xabashidu marka ay dalkooda ka dhoofayaan ciidda ayay ku galgashaan oo waa ay ooyaan, laakiin innagu waa aynu faraxnaa oo xafladaynnaa. Sidaas oo ay tahay inna ma nolol dhaamaan, haddii ay caddaalad noqotana weligood kelitalis arxanlaawe ah ka ma ay hoos bixin. Maxay idinla tahay haddaba sababtu?” ayuu hablihii wayddiiyay.

Leyli waxay malaysay Raage in uu tegista aabbeheed ama farxaddeeda dhaliilayo, waxayna bixisay jawaab isdifaac ah:

“Aniga xabashi iyo soomaali toonna waxba igama gelin, in uu aabbahay meel nabad ah ku noolaado ayuun baa muhiim ah.”

“Laakiin Yurub meel nabad ah ma u tahay?” “Isaga ayay u taal, haddii uu nabad ka helayo ha joogo haddii kale cirka ha aado, laakiin ma aha isaga oo toddobaatan jir ah in sida tuugga marba xabsi lagu tuuro.”

“Deeqa, adigu ka la duwanaanta dal jacaylka innaga iyo xabashida sidee baad u aragtaa?” ayuu Raage wayddiiyay.

“Leyla waa runteed ee qof naftiisa badbaadinaya maxaa ka galay isbarbar dhigga Soomaaliya iyo Itoobbiya? Laakiin xabashidu in ay inaga dal jecel yihiin waxaan ku garanayaa gumaysigii waa ay iska hor joogsadeen.”

“Sababtuna waa maxay?” “Dawladnimada ayay inooga bisil yihiin, taas ayaana bartay waajibkooda waddaniga ah ayay i la tahay.”

“Ma waxaad lee dahay markii aynu qabiil nafta u huri jirray xabashidu qaran ayay u huri jireen?”

“Waa uun intaas.” “Ku darso oo iyaga dawladdoodu waxay ka dhexaysaa qowmiyado badan oo aan wax kale wadaagin, innaga se qowmiyad keliya ayaa boqol qabiil u ka la taagnayd.”

“Welina u ka la taagan”, ayay Deeqi xaaladda kaga sii dayrisay. Cabbaar ay Raage iyo Deeqi qodobkaa sii jiidjiidayeen Leyli iyadu waa ay aamusnayd, waana la hubay in ay wayddiintii weli ka xanaaqsan tahay.

“Leyla, u ma aan jeedin in aan ku dhaliilo, laakiin su’aasha ayuun baa maskaxdayda ku soo dhacday, waana wax jira oo aad adiguba og tahay ee raalli iga ahow!” ayuu ku yidhi isaga oo dusha gacanta kaga soo duubaya dhankiisana u soo cadaadinaya ilaa ay feedhahooda caatada ahi istaabteen.

“Waxay ahayd in aad ku faraxdid aabbe in uu tegay meel aan gardarro loogu xidhayn ama lagu dilayn,” ayay tidhi.

“Waan ku faraxsan ahay”, ayuu ku maslaxay. Rooble in uu dalka ka cararo runtii Raage waxaa ka la qiimo badnayd in uu sida tuugga ay sheegayso xabsiga ku jiro. Qofku marka uu qaddiyad xaq ah u xidhan yahay dadkiisa wuu uga qiimo badan yahay ka dalka ka carara ama macnodarro meelahaa isaga joogjooga.

Daaqaddii ay fadhiyeen oo waddada ku sii jeedday ayuu Raage eegmada ka laliyay, waxayna indhihiisu ku dhaceen dhismihii casaa ee Baarlamaankii Hore. Haddana wuxuu arkay calammo badan oo tiirarka korantada iyo dhismayaasha ka babbanaya, wuxuuna xasuustay berri in ay tahay maalintii dhalashada Jamhuuriyadda. Waa jamhuuriyad aan la ka la garan karin in ay dhicis ahayd iyo in ay dambarkii lagu canqariyay ku sumowday; aan la ka la garan karin maanta sariirtii dhalashada iyo tii dhimashada mid ay saaran tahay. Waa jamhuuriyad dhallaannimo lagu kufsaday kuna garcatay, ku curatay kuna dhalmo dayssy, ku irmaanaatay kuna candhoolowday.

Ku talogal la’aan ayay mar kale eegmadiisu ugu hakatay gurigaa xuddunta iyo xukunka mar u ahaa qaran curdan ah. Waxay ahayd ummad yar oo jaahiliin iyo foqoro u badan, laakiin aanay dunida jirin cid iska la weyn, iskaga kalsoon kana niyad wanaagsani. Sifooyinkaas oo dhan maanta qof kasta qalbigiisa waa laga masaxay, waxaana laga dhigay noole mansuukh ah oo waxii uu jeclaa iyo waxii uu necbaa iskaga darsameen, kaas oo ilayskii uu higsanayay laga damiyay dabkii uu kulaalayayna laga bakhtiiyay.

Albaabkaa madow mar waxaa is’hor iyo dabo mari jiray siyaasiyiin ay tacliintooda iyo waayo’aragnimadooda xirfadeed liiteen, laakiin doonista dadkooda inta ay doontaba ha ahaato ee ku iman jiray. Wuxuu khayaaliga ka arkay Aadan Cabdulle Cismaan, Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Maxamed Ibraahin Cigaal, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo kuwo kale. Waxay ahaayeen rag karti iyo aqooni meel kastaba ha dhigeene aan khiyaamo qaran iyo xasuuq dadweyne loo tirinayn, oo ah labada jariimadood ee ugu waaweyn fal uu qof xil ummadeed sidaa ku kaco.

“Ma og tihiin berri in ay tahay maalintii dhalashada Jamhuuriyadda?” ayuu gabdhaha wayddiiyay.

Waa ay iseegeen. Waa ay ogaayeen mana ogayn. Kollay maqle laakiin wax ay ku xasuustaan ma jiraan. Waa munaasabad weyn oo durbaanka 21-ka oktoobar ku shiiqday. Xuska dhalasho jamhuuriyad dhan waxaa mudnaanta laga siiyay maalin uu nin ciil qaba oo xabbad la roorayaa talada boobay.

“Alla haddaa berri waa bannaanbax dhaqameedkii,” ayay Deeqi xasuusatay.

Raage si uu ina adeertii Leyla u maslaxo wuxuu iyada iyo Deeqa u ballan qaaday berri gelinka dambe in uu keeni doono fagaaraha Daljirka Dahsoon, halkaas oo sida ay caadadu tahay loogu dabbaaldegayo xuska sannad guurada dhalashada iyo midnimada Jamhuuriyadda.

***

Iyaga oo saddexduba wada socda ayay yimaaddeen fagaarihii damaashaadka. Labada hablood muuqa si walba waa ay u ka la duwan yihiin. Leyli waa qof dheer oo madow, haddii lafteeda iyo hilibka saaran la isu eegana waa caato, timo ay midab cilcillaw u eg marisay ayaa qadaadka uga go’an, da ahaanna guyaal ayay Deeqa ka weyn tahay. Deeqi iyadu waa maarriin aan dheerayn oo hilibka iyo lafteedu isu miisaaman yihiin, waxayna lee dahay timo garbaha jooga. Labadooda Deeqa ayaa bashaashsan, Leyla ayaa se aqoon iyo waayo’aragnimo horraysa, da’da oo keli ah ma aha ee labada aqal ee ay ku soo ka la koreen baa sidaas u ka la horreeyay.

Marka ay wada socdaan waa uun laba hablood oo isku casri iyo isku dabaqad ah, laakiin xaqiiqadoodu waa ay ka la fog tahay. Leyla firfircoonida iyo tallaabo giigsanaanta hablaha kale ee soomaaliyeed la ma wada qabaan. Inta uu doob geed ka boodo in la’eg ayay ka booddaa, kubbadda kolayga iyo qalabarogadkana lagu ma gaadho.

Deeqi iyadu waa qof dulman oo ay halbowlaha habar indho darraysay mindiil saawir ah ka la daashay. Sagaal dayrood oo caato ah ayay jirtay galabtii caafimaadkeeda iyo shakhsiyaddeeda oo dhan lagu tuntay. Aad ayay u qaylisay si uu cirku u soo dhaco ciidduna u dhaqaaqdo. Waxaa lagu sabaaliyay: “Waa lagu xalaalaynayaa ee fariid noqo oo adkayso!”

Dadkii damiinka ahaa ee maalintaa ku xeerraa aqoon ay ku badbaadiyaan ma ay lahayn. Qudheedu iyada oo weyn ayaanay haddana hooggaa ku baraarugsanayn, Leyla ayaana ugu horreysay qof ay ka maqasho gudniinku in uu yahay dhaqan uu sheyddaan Fircoon hinaasi ah u hindisay.

Waa casardheere ay qorraxdu weli kulushahay. Markii ay cabbaar soo tamashleeyeen ayay soo gaadheen goobtii bannaanbaxa oo ay tobannaan kun isugu soo baxeen. Caadooyinka reer muqdisho ayay ka mid tahay in ay ciidaha iyo munaasabadaha waaweyn halkan ku tuntaan nooc kasta oo ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka. Waxay ka mid tahay dhacdooyinka tirada yar ee isu haya labada dhaqan ee bulshada, kii hore iyo ka cusub. Dad badan oo dhaqankii hore ku dhashay ama ku barbaaray isla markaas kan cusub ku jira ayay munaasabaddani u tahay fursad ay curuqa kaga jimicsadaan cabbudhkana kaga neefsadaan. Waa fursad lagu xasuusto dhaqan dhalad ahaa oo ku dhalan rogmay carabnimo iyo yurubnimo aan loo meel dayin, halkaas oo uu ka dhashay dhaqan garac ahi. Halkaas ayay ku ka la xidhiidh furteen bulshadii hore iyo tan dambe, waxaana jabtay buundadii ay isaga gudbi lahaayeen. Laba fac oo isxiga, laba qof oo isdhalay, ayaa ka la go’doomay. Qolada hore waa habsan kuwa dambena waa ambad. Bannaanbaxani waa waqtiyada ay labadaa qolo kulmaan ee isgaran waayaan.

Cayaarid iyo daawashaba doorashada fagaaraha taal waa ay badan tahay, inta cayaar dhaqameed jirtana waa la tumayaa: dhaanto, wilwilo, walasaqo, jaandheer, saylici, baarcadde, kabeebay, beerray, bullo, shirib. Intaas iyo in kaleba. Cabbaar ayay qoladii wada socotay cayaarahaa marba mid ku hakadeen, dabadeed soo gaadheen meel saar lagu tumayo. Wax kumanyaal sano soo taxnaa, oo facyaal badan dareenkooda iyo noloshooda ka soo mid ahaa, waa khasab in la hiddaysanayo oo ay qof walba dhuuxa kaga jiraan. Dadka cayaarta debedda ka jooga sababta uu dareenkoodu cirka ugu shareeran yahay, ee marka ay kooxda cayaaraysaa booddo u la boodayaan, dhaqan ay ku noolaadeen ma aha ee waa dhaxal dhiigga kaga jira.

Saarku wuxuu ka mid yahay cayaaraha ay soomaalidu ka siman tahay, in kasta oo aan maanta gobollo badan laga cayaarin. Sababta looga tegay waxaa laga yaabaa in ay tahay isaga oo u dhaadhaca dareenka ugu hooseeya ee dadka, mararka qaarkoodna keena miyirbeel. Malaha waa cayaarta ugu fac weyn cayaaraha maanta la yaqaan, wuxuuna caan ka yahay Geeska Afrika oo dhan iyo Koonfurta Carabta, wuxuuna gaadhay Waqooyiga Afrika ilaa Isbayn. Kiristaanka iyo islaamka hortood saarku wuxuu bulshada Geeska Afrika u ahaa cibaado diineed iyo xidhiidh lala yeesho rooxaan la caabudi jiray.

Xaaladda fog ee uu dadka gaadhsiiyaa waxay keentay in ay dadka qaar ku andacoodaan in ay rooxaantaa saarka af yaqaannaan oo la xaajoon karaan, sidaasna ay dadka saarku ku dhaco kaga dawayn karaan. Qaar ka mid ah beelaha ku dhaqan Koonfurgalbeed weli saarku wuxuu u lee yahay xiisihii uu berigii hore bulshada oo dhan u lahaa. Waxaad arkaysaa nin ay muruqyada dhaawacyo halis ahi kaga yaallaan kaas oo markii uu barbaarka ahaa gaadhay heer loo yaqaan burur ama muraaqo dabadeed bir af leh isla dhacay.

Markii ay Raage iyo asxaabtiisu isa soo taageen halkii saarka lagu tumayay waxay isugu dubba ridnayd heer sare. Tobaneeyo dhallinyaro ah oo wiilal iyo gabdho isugu jira, iskuna da dhow, oo ay xamaasad badani ka muuqato, ayaa gole ay dadweyne badani ku meegaaran yihiin saf ka soo wada jeeda, oo cayaarta tumaya. Sida ay dherer iyo dhumuc isugu jaan go’an yihiin, iyo sida ay jiibta iyo jaanta isu la helayaan, waxaad mooddaa koox xul ah oo la soo carbiyay. Waa xaalad ka marag kacaysa in aanay ahayn reer Banaadir iyo reer magaalo kale toonna. Malaha midkoodna mid aqoon hore u ma leh. Malaha sacabka kulul iyo luuqda dheer ee saarka ayaa baadisooc u ah oo ay dadka iskaga garteen.

Cabbaar ka dib gabadh labaatan jir ku qiyaasan oo daawadayaasha ka mid ahayd ayaa si lamafilaan ah golihii cayaarta isu daruurisay. Jidh iyo xubno isu dheelli tiran, iyo weji aan qurux ka qatanayn ayay lee dahay. Timaha masar ayaa ugu duuban, guntiinada, garbasaarta iyo kabaha jambalka ah ee aan qaaliga ahayn isla markaana wada duugga ah, iyo guud ahaan daryeel la’aanta ka muuqata waxa laga malayn karaa in ay tahay reer miyi soogalooti ah. Waxay dareenka ku abuuraysay in ay tahay miskiinad noloshii galoofowday ee miyiga dux ka soo wayday oo halkan naf soo bidday, maantana mawjadaha arxanka daran ee Xamar derbiyada madaxa u la dhacayaan. Malaha kulankan galabta waxay ka heshay qofnimadeedii maalintii ay magaalada soo gashay ka luntay. Waxaa lagu malayn karaa in ay qoys qudhiisu iska danyar ah dulsaar ku tahay amaba adeegto u tahay. Raage markii uu u sii fiirsaday wuxuu ku xasuustay sheeko uu beryahaa akhriyay oo ku saabsan adeegto miyi ka timid oo Xamar ku silicday.

Garbosaartii ayay dhexda ku duubatay, xoogaa digtooni ah ayay ku gashay laakiin mar qudha ayay baal shimbireed ka fududaatay oo iyadu cayaarta majaraha u qabatay, ilaa ay noqotay tiirka iyo barta ay cayaartu ku wareegayso. Mar keliya ayay noqotay xiddigtii golaha, indhihii dadkuna keligeed daawadeen. Cayaartii ay wax ka tumaysay qunyar qunyar ayay isugu rogtay mid iyada loo tumayo.

Jawigii oo dhami wuu isbeddelay, barbaartiina waxaad moodda in ay gudanayaan waajib diini ah. Shucuurtii daawadayaashu waa ay sii kacday, goobtiina waa lagu soo batay. Dabadeed mar keliya ayay gabadhii sarejoogga ka duushay oo dhulka isdaadisay, sidii qof miyir beelay. Waa ay miyir beeshay. Dhawr qof ayaa ku soo yaacay si ay u caawiyaan, laakiin maya, kuwii cayaarayay ayaa diiday.

“Iska daaya idinku! Iskaga taga! Faraha ka qaada!” ayay dadka ka codsadeen.

“Waar u daaya! Jinni ninkii keena ayaa bixiya ee iyaga u ka la baxa!” ayuu nin waayeel ah oo si xiiso leh cayaarta u daawanayay isaguna ku taliyay.

Barbaartii cayaartii ayay ku sii wateen jawi ay rooxaani dabooshay awood dadka sarejoogga ka daadinaysaana ku xayndaaban tahay. Raage wuxuu dareemay in ay meesha ku xoonsan yihiin malaayiintii nafood ee cayaarta saarka jeclaa ee beryo hore dhintay oo iilka ka soo toosay. Wuxuu u baqay si dhab ah. Dadkii kale ayuu wejiyadooda eegay mise cayaarta ayaa lagu wada maqan yahay oo qaarkood haddii xubno jidhkooda ka mid ah la gooyo waxaa laga yaabaa in aanay dareemeen. Qof meel kale eegaya ama wax kale ka danaynayaa ma jiro. Deeqa iyo Leyla ayuu hareeraha ka milicsaday mise maqnaanshaha iyo kacdoonka iyaga ayaaba ugu daran.

Dareenku isku mid ha ahaado, laakiin isku wax lagu ma bururo ee waa qof iyo dookhii. Xertu xadrada ayay ku muraaqoodaan, barbaartu cayaarta, haweenka qaarkoodna sitaadka.

Imika cayaartii waxay maraysaa heerka ugu sarreeya. Gabadhii weli dhulka ayay jiiftaa, laakiin dhaqdhaqaaq ayay bilawday, gacmaha iyo lugaha ayay dhulka ku xoqaysaa. Masarkii waa ay tuurtay, garbasaartii dhexda ugu xidhnayd iskeed ayay isaga luntay, kabihii jambalka ahaa midiba meel ayay foorortaa. Guntiinadii in kasta oo ay weli garaysan tahay qaarka sare wax badan ugama hayso, naasihii oo toobin ah ayaana cidla babbanaya oo marba ciidda carrabka gashanaya.

Qunyar qunyar ayay ruqaansi u bilawday, qaarkii sare ayay la kacday, timihii oo gadaal u guntanaa waa ay isfurfureen iskood ayayna fasax u ka la qaateen, dhabannada iyo wejiga oo dhidid ka hoorayo ayay ka dabooleen. Sinta midigta ayay imika ku fadhidaa, iyada oo foororta. Sida ay madaxa u walhinayso iyo sida ay gacanta bidix dhulka ugu salaaxayso waxaa laga garanayaa in ay nafteedu cayaarta ku milan tahay.

Aayar aayar ayay isu sare taagtay. Dhawr qof oo cod dhaadheer ku hadlaya oo cayaarta dhabqinaya ayay xantoobo ciid ah ku firdhisay. Si wanaagsan ayay isu taagtay, cayaartiina dib u la qabsatay. Mar kale ayay dadweynihii oo aad isu soo cidhiidhyay ku soo jeesatay, oo ciid kale iyo garbis isugu dartay. Quwad rooxaani siisay ayay dadkii oo dhan ku soo riixday, oo weliba xantoobo kale oo ciid ah indhaha kaga saydhay. Sidaasna waxay ku bannaysay gole weyn oo ay dadka cayaarayaa nefis ay cayaarta ku maamushaan ka heleen. Doobabkii u tumayay ayay hoosta ka gashay oo sacabkooda iyo jiibtooda xoogga leh dhegaha u dhoweysay, dhididkoodana sanka la raacday. Waxaa muuqata in ay jacayl xad dhaaf ah u hayso dadka cayaarta u tumaya.

Wax ay caynkaas ahaato oo golihii isku laba rogtaba, wax ay doobabkii marba mid gaaddada marisaba, mar keliya ayay istaagtay. Guntiinadii ka ka la laallaadday ayay hagaajisatay, garbasaartii, masarkii iyo kabihii ayay daydayday, markii ay wada heshayna isku hagaajisay. Dhoollo caddayn ayay muunsootay, dabadeed safkii cayaarta tumayay toos ugu biirtay. Qofkii mar dhoweyd dhulka galgalanaysayba iyada ma aha, qofkii ay horaaddadeedu hawada qoslayeenba ma aha. Inanta maxaa si ka noqday? Raage aad ayuu u jeclaystay in uu wayddiiyo bal waxii ku dhacay: waxay dareentay iyo meeshii ay tagtay markii ay dunida ka dhooftay. Laakiin ku ma uu dhiirran.

In kasta oo aan sida gabadha la daadan haddana dad badan ayaa ku jiray kacdoon nafsadeed oo xoog leh. Dabadeed mar uun ayaa meel golaha cayaarta ka baxsan muran laga maqlay, markii la eegayna waxaa la arkay Sheekh Xasan iyo laba wadaad oo kale oo qamiisyo iyo cimaamado carbeed hagoogan oo dadkii cayaarta daawanayay cod dheer oo xanaaq leh ku la hadlaya.

“Miyaydaan diin iyo iimaan lahayn, oo aydaan macsida iyo fisqiga aad ku dhex jirtaan ka xishoonayn? Miyaydaan ka baqayn in la idiin halaago sidii loo halaagay qoomkii nebi Nuux iyo qoomkii nebi Luud iyo qoomkii nebi Huud iyo qoomkii nebi Saalax iyo qoomkii Fircoon…?” Sheekh Xasan oo dhidid waaweyni dhafoorrada ka hoorayo, labada qawlalna ka xumbaynaya, ayaa qoomamkaas magacyadooda duddubiyay.

“Adeer, maxaannu galabsannay ee naloo halaagayaa?” waxaa si la yaab ka muuqdo Sheekh Xasan hadalkii kaga ka la gooyay ninkii waayeelka ahaa ee markii ay gabadhu dhacday hadalka soo jeediyay oo cayaarta si xiiso leh u la socda.

Dadka kale hadallo aan la maqlayn laakiin la fahmayo in ay Sheek Xasan lid ku yihiin ayay ku duryameen.

Runtii wadaadku wuxuu ku horreeyay goob kale oo cayaarta kabeebay lagu dheelayay, laakiin markii uu hadal bilaabay ayay gabadh kor iyo hoos si ba’an isu gilgilaysaa ku soo niikisay, oo badhi kaynaansan wadaadka laba jeer gumaarka kaga dhufatay. Dabadeed wuu ka cararay isaga oo leh: “Belo kugu dhacday oo sheyddaan ku gilgil.” Markaas ayuu goobtan soo beegsaday.

“Ma waxaydaan garan karayn waxan aad ku dhex jirtaan in uu Ilaahay idiinku cadhoonayo? Bal inta rag iyo dumar ka la xaaraansan meeshaa ku xoonsan eega! Yaa idiin banneeyay in ay dumar ajnebi ahi idiin cayaaraan ama aad u cayaartaan? Cayaari ha dambayso ee marka horeba yaa idiin banneeyay in aad isu timaaddaan?”

“Cayaar dhaqameed sidii boqollaal sano loo cayaari jiray loo cayaarayo wax aan ahayn miyaad aragtaa? Cid wax la yeelayo miyaad aragtaa? Hablaha se maxaa ajnebi ka dhigay sow soomaali ma aha?” odaygii oo ay dadku si xamaasad leh ugu jiibinayaan ayaa weerarkii wadaadka u jilib dhigay.

Qoladii cayaarta tumaysay in kasta oo ay la socdeen doodda wadaaddada iyo daawadayaasha ka dhex aloosan, haddana marnaba hugunkii cayaarta may dhimin, waxaana muuqata in ay iska dhegoolaynayaan.

Sheekh Xasan isaga oo xanaaqsan ayuu odaygii toos u maagay: “Bal eeg da’da aad tahay ee aad haddana difaacaysid dhaqan cawaan iyo cayaar sheyddaan!”

“Ma jiraan cawaannimo iyo sheyddaannimo ka weyn qof dhaqan aan ceeb lahayn oo ab iyo isir soo taxnaa cawaannimo iyo sheyddaannimo ku sheegaya,” ayuu odaygii yidhi isaga oo xanaaq ba’an indhaha ka muujinaya.

Sheekh Xasan markii uu xanaaqa odayga arkay wuu ka aamusay. Dabeecadda uu ku hawl galo ayaa ah in uu arrintu marka ay halkaas gaadho ka baxo, waayo’aragnimo aan yarayn ayuu huwan yahay. Labadiisii gacanyare, oo ka la ahaa inankiisa Aadan iyo saaxiibkii Carraale, ayuu dooddii daawadayaasha uga baxay, isaguna hore u gudbay. Intii in la’eg ayuu kooxdii cayaarta tumaysay jiibtii xoogga lahayd kaga dhex qayliyay. Cabbaar ayay iska dhegooleeyeen, laakiin wadaadku ka ma uu hadhin ilaa ay qayladiisu cayaartii dhabqisay, oo ay codka, cagta iyo calaacasha isla waayeen. Dabadeed mid barbaartii ka mid ah ayaa si xanaaq leh safkii uga soo baxay oo wadaadkii si aad u qallafsan gacanta midig dhuunta kaga qabtay, sidii uu bakhtiinayo, oo si arxandarro ah dib ugu tuuray. Sheekh Xasan jirjir cadka ayuu u dhacay, mar keliya ayaana la arkay isaga oo dadka cagahoodii galgalanaya.

Labadii gacanyare iyo Raage ayaa isku mar Sheekh Xasan ku soo yaacay, isaga oo cimaamaddii ka dhacday dhulka ka xaabxaabaya, gacmaha ayayna qabteen oo sare joojiyeen. Wadaadka gacanta dhuunta lagaga qabtay wax badan ma ay yeelin, laakiin mar haddii uu shishlaa, meeshuna ay ahayd didib, dhicista xanuun aan yarayn ayuu ka la kulmay.

Aadan iyo Carraale mooyee tobaneeyo wadaad oo kale oo meelo ka la duwan wax ka wacdiyayay ayaa Sheekh Xasan gurmad ugu yimid. Isaguna markii uu xertiisii wada arkay ayuu dhiirraday oo ku dhawaaqay:

Jihaad! Jihaadun fii sabiilillaah!” Wadaaddadii iyo kuwii cayaarayay ayay ka dhex qaraxday. Daawadayaasha badankoodii, oo uu odaygii ay Sheekh Xasan murmeen ugu horreeyo, ayaa kooxdii cayaarta si firfircoon ugu hiiliyay. Dagaal aan naxariis lahayn oo feedh, laad, jilib, qaniinyo, ul iyo legdin isugu jira ayaa foodda la isdaray. Qaar dadka ka mid ahi waxay isku dayeen in ay labada kooxood ka la qabtaan, waa ay se isku wayraxeen oo cid walba isla jiidheen. Sheekh Xasan awalba jihaadka diyaar ayuu u ahaa, waayo markiiba ciidankiisa wuxuu ku dalbaday afgarad carabi ah oo ay ka mid ahaayeen: “Uqtuluu akbarahumulladii callamahumu sixra – dila kooda ugu weyn ee sixirka baray!” kaas oo uu u la jeeday odaygii saarka jeclaa ee ay hore u murmeen.

Dagaalkii wuu ballaadhay, wadaaddo kale iyo dadweyne badan ayaana goobihii kale ee ay cayaaruhu ka socdeen ka soo birmaday. Dabadeed iyada oo ay guusha iyo guuldarradu sida habeenka iyo maalinta u ka la baxeen, oo wadaaddadii waxii dhulka la dhigay mooyee waxii cago ku taagnaa meel gees ah oo dhismihii Barlamaankii Hore ka mid ah lagu ururiyay, ayay dhawr baabuur oo bilays ahi goobtii yimaaddeen.

Waxay ahayd intii aan hubka qarxaa weli Xamar ku soo badan, taas darteed khasaaraha maalintaasi ka ma badan dhawr nin oo dhaawac ka la duwani gaadhay. Sheekh Xasan iyo dhawr kale oo labada dhinac ah ayaa saldhigga bilayska loo qaaday.

8

Dhallinyarada soomaalida ee reer magaalka ah malaha ma jirto dunida dhallinyaro ka badowsani. Boqollaal kun oo magaalo ku wada dhaqan, dan joogto ahna wadaaga ama wadaagi kara, ayaa raba isbarashadooda iyo xidhiidhkooda oo dhan in ay hayb qabiil u maraan. Waxaa la isku qalday oo la ka la saari kari waayay dhaqan iyo hidde – dhaqan in uu yahay hannaan ay waqti la joogo bulsho u nooshahay, halka uu hidde yahay dhaqan mar hore lagu soo noolaa. Haddii marxalad nololeed lagu dhagaxoobo, laguna dhiirran waayo geeddiga xiga, waxaa abuurma dhaqan silloon oo casriga la joogo magan iyo marti u ah. Sidaas ayaa dhacday markii ay soomaalidu ku guuldarraysatay in ay abuurto habnololeed magaalo oo ka duwan kii geela. Makhaayadda waxaa lagu ka la hayaa laba barafasoor oo qabyaalad isku af dhaafay.

Qof waliba wuu jeclaan lahaa in uu ku dhex noolaado bulsho u siman, waana la isku raacsan yahay danta guud in ay sidaas ku jirto, wax diidayaana ma jiraan, haddana la ma sameeyo. Dadku waa laba: mid aanay maskaxdiisu u bislayn in qabiil laga maarmi karo, iyo mid og laakiin aan lahayn kartida iyo dhiirranaanta ay tallaabadaasi uga baahan tahay.

Raage weligii Deeqa qabiilkeeda ma uu wayddiin, ku talogal ayayna ka ahayd iyo go’aan. Laakiin run ahaantii marar badan ayay arrintaasi naftiisa su’aal ku abuurtay oo uu cidda ay noqon karto maleeyay. In aanu qabiilkeeda wayddiin mar wuxuu u arkaa fikrad miskiinnimo ah oo aan macno lahayn, waayo bulshada oo dhami qabiil ayay ku dhisan tahay. Mar kale wuxuu dareemaa in uu ku saxsan yahay, oo si qabiilka looga xoroobo ay tahay in mar uun cidi bilawdo. Mar kale wuxuu iswayddiiyaa jacaylka uu iyada u hayo haddii uu qabiilkeeda ku lammaaniyo bal saamaynta ay ku yeelan karto. Wuu og yahay xataa haddii uu isagu tijaabo aan looga horrayn ku dhiirrado, oo qabiilka ay tahay dan ka geli waayo, in aanay jirin cid kale oo uga garaabaysaa, loona arkayo nin waalan oo dhalanteed ku jira.

Deeqa qudheedu bilawgii cidda uu yahay dan ka ma ay lahayn, markii se uu noqday qofka nolosheeda ugu muhiimsan ayay qunyar qunyar in ay ogaato u xiisaysay. Ha ahaato ee markii ay sida uu arrintaa uga maagayo aragtay ayay ku la dhici wayday. Dhawaaqa af Soomaaligiisa, asxaabtiisa iyo siyaabo kale oo dadban ayay isku dayday in ay kaga xog hesho, u ma ay se suurtoobin. Dhawr jeer ayay sarbeeb ugu dheg hadashay, markii uu u bixi waayayna runta ayay ku dhalaalisay

“Raage, haybi waa summad ee isu kay sheeg.”

“In aan Soomaali ahay waad aragtaaye maxaad ka helaysaa ogaanshaha qabiilkayga?” ayuu u celiyay isaga oo jikaar, kaftan iyo dood intaba uga dan leh.

“Dadkuba waa wada soomaali waana la is haybsadaa. Haddii la i wayddiiyo ninka aan la socdaa cidda uu yahay oo aanan aqoon sow la i la yaabi maayo?”

“Laakiin haddii aan mid qabiilooyinka ka mid ah noqdo miyaad igu nacaysaa, haddii aan mid kale noqdana igu jeclaanaysaa, adiga oo aan shakhsiyadayda aad ilaa hadda jeceshahay dan ka gelin?”

Jawaabta inta uu iyada ka sugayo in la’eg ayuu naftiisa ka sugayaa. Waa ay yar fekertay dabadeed u celisay:

“Waa dhaqan iyo caado, denbigana anigu ma lihi.” “Horta wayddiinta ka jawaab: qabiil miyaad igu nacaysaa ama igu jeclaanaysaa?”

“Maya.” “Haddaa maxaad ku falaysaa?”

“Qofka in magaciisa la ogaado maxaa lagu falaa?”

“In loogu yeedho dadka kalena lagaga tilmaamo.”

“Haddaba haybtuna waa la mid.”

“In aanay la mid ahayn adiguba waad og tahay.”

“Adigu maxaad isu qarinaysaa?”

“Waxaan og ahay in uu yahay dhaqan abaaday oo aan xin iyo faquuq mooyee macne kale lahayn.”

“Taasi waa fikraddaada, laakiin anigu sida dadka kale ayaan u dhaqmayaa, haddii aadan ii sheeginna kollay waan ogaanayaa.”

Wuxuu u sheegay qabiilka uu yahay iyo ilaa lafta ugu hoosaysa ee uu ka sii yahay. Dabadeed inta uu wejigiisa indhaheeda ku beegay ayuu wayddiiyay:

“Haye, wax ma iska kay beddeleen?” “Haa. Awal indhuhu waa ay ku ka la weynaayeen imika se waa ay isla’ekaadeen.”

Iyaduna qabiilkeeda ayay u sheegta, dabadeed inta ay sidiisii oo kale wejiga ku beegtay wayddiisay:

“Anigana maxaa iska kay beddelay?” “Awal indhuhu waa ay iskaa la’ekaayeen, laakiin imika waa ay ku ka la weynaadeen.”

Cabbaar ayay ka la aamuseen oo gooni gooni uga fekereen shakhsiyaddii hore ee ay isku doorteen iyo tan ay qabiilka ku lifaaqeen waxa ay ku ka la duwan yihiin. Isuma ay qiran, laakiin runtii naftooda waxaa ku dhashay dareen liidnimo ah kaas oo ay malaha dooddii is’haybsigooda ka horreysay sababtay.

Raage badanaa fasaxyada wuxuu tegi jiray miyiga, laakiin sannadkan Xamar ayuu joogay. Dugsi gaar ah ayaa inta uu fasaxa yahay macallinnimo af ingiriisida ah laga siiyay. Waa u dan oo mushaharadiisa suququlka ah ayuu ku kabanayaa. Laakiin Deeqi waxay booqasho ugu kacday reer abtigeed oo miyi deggan.

Labadii bilood ee ay maqnayd Raage waxay ka la dheeraadeen sannad dhan. Muddadaa wuxuu dareemay hilaw iyo cidla aanu weligii dareemin. Mararka qaarkood isaga oo meelahaa maraya ayuu maqlaa codkeeda, marka uu ku jeestana muuqeeda waayaa. Marar badan ayuu gabadh si uun ugu eg ama dharkeedii oo kale xidhan iyadii mooday dabadeed ku hungoobay.

Goor fiid ah isaga oo keligii waddada tamashleynaya ayuu arkay iyadii oo waddadii uu hayay ka sii leexanaysa. Dirac iyo garbasaar uu marar badan ku arkay ayay xidhan tahay, timahana sidii caadiga ahayd ayay dib u shanlaysay. Aad ayuu u farxay haddana u naxay. Wuxuu la yaabay haddii ay soo noqotay sababta ay uga soo war dooni wayday. Tobannaan wayddiimood oo foolxumada ka la daran ayaa isku mar maskaxdiisa ku soo wada dhacay. Malaha nin kale ayay baratay, oo maba ay socdaalin ee marmarsiinyo ay kaaga indho qarsato ayay ka dhiganaysay? Malaha waaba Diiriye, ama mid kale oo ku dhaqaale dhaama?

Iyaga oo su’aalahaasi madaxiisa ku legdamaya ayuu orod iska dabo maqiiqay. Sidii uu u duulayay ayuu soo gaadhay, oo inta uu labadeeda garab labada gacmood ka buuxsaday xoog u soo jeediyay. Laakiin naxdin ayay la qaylisay, ilaa ay dadkii waddada marayay soo wada eegeen. Iyadii se ma ay ahayn, waxay ahayd gabadh kale oo aan soojeedka Deeqa ugaba egayn. Wuu naxay, sheyddaanka ayuuna iska naaray isaga oo mooday in uu soo waalanayo.

Berigaas ayuu xaqiiqsaday jacaylka aan xadka lahayn ee uu Deeqa u qabo iyo sida weyn ee uu ugu baahan yahay. Dabadeed wuxuu goostay marka ay Xamar cagaha soo dhigto in uu reerkooda wayddiisto.

Markii uu go’aankaa gaadhay wuu xafidsanaa waddada taa loo maro. Waa in uu dhawr oday oo ay isku reer yihiin sii kaxaystaa. Haddana taa wuxuu u arkay macnodarro aad u weyn. Waxyaalaha bulshada ku sii haya dabarka adag ee qabiilku in ay yihiin waxyaalahaa yaryar oo isbiirsaday ayuu rumaysan yahay. Marka ay laba nafood oo isdoortay doonayaan in ay midoobaan laba beelood in is’horfadhiistaan, si ay u ansixiyaan, waa caado abaadday oo aan wax wanaag ahi ku jirin.

Guurku wuxuu ka mid ahaa hawlaha dhaqanka soomaalida ugu dhibaato iyo qaxar badan. Badanaa waxaa loo mari jiray geeddisocod dheer oo hakad iyo hantaaqo badan, xujooyin iyo shuruudo adadagina ku xayndaaban yihiin. Markii ay nolosha casriga ahi dalka ka bilaabatay, miyi iyo magaalaba, waxyaalihii ugu hor burburay waxaa ka mid ahaa dhaqankii guurka. Dhallinyaradu, wiilal iyo gabdhaba, iyaga oo aad mooddo in ay dhaqankaa adag ee jacaylkooda xayiri jiray ka aarsanayaan, ayay xataa iyada oo aan la isu diidin iskood isu la dhuunteen.

Isla baxsigu ma noqon oo keliya xal ay ku badbaadaan labada isjecel ee la isu diiday, amaba ay ku ka la badbaadaan labada aan israbin ee la isku khasbay, ee waxayba noqotay moodo ay dhallinyaradu ku cabbiraan doonistooda xorta ah, kuna gooyaan majarihii adkaa ee waalidka damaaciga ah.

Laba qof oo isdoortay in ay mustaqbalkooda cid kale ka baryaan haddii ay tahay caado aan wanaagsanayn, haddana dhanka kale raalli gelinta waalidku waxay door weyn ka cayaaraysaa xidhiidh wanaagsan oo qoyska cusub iyo ehelka intiisa kale dhex mara. Raage iyo Deeqi iyaga oo huba dunida in aanay jirin cid jacaylkooda iyo qorshaha guurkooda is’hortaagi kartaa ayay haddana isku raacsanaayeen madax u buuxinta waalidku in ay muhiim tahay. Taa darteed isu oggolaanshaha ama isu diidku qiimo weyn ayay u lahaayeen.

Waxaas oo dhan isaga oo og ayuu Raage keligii galab reer Warsame u ardaa fadhiistay. laga ma xog la’a, Deeqa ayaa magaciisa, shaqadiisa iyo ujeeddada uu u imanayo reerka ku sii wargelisay.

Warsame wuxuu filayay marti culus, sidaas aawadeed gogol badan ayuu sii dhigay, shaah badan ayuu kariyay, laba oday oo ilmo adeerradii ah ayuuna dhinacyada iska sii fadhiisiyay. Laakiin yaab iyo amankaag ayay isaga iyo odayaashii kaleba ku noqotay markii uu nin caddaysimo ahi irridka uga soo galay. Qacdii hore waxay moodeen nin kale oo dan kale u socda, dabadeed Warsame ayaa kacay oo Deeqa hoos u soo waraystay, markii ay u sheegtay in uu ninkii la sugayay yahayna isaga oo yaabban ayuu fadhigii ku soo noqday.

Odayadii iyo Raage waa ay isbarteen, kaftan gaagaaban oo waxa loo wada fadhiyo aad uga fog ayayna cabbaar isku tuurtuureen. Keli socodkiisu odayada wuxuu bilawgii ku dhaliyay in uu yahay reer xamar aan xeer iyo dhaqan toonna aqoon, laakiin intii ay kaftamayeen si kale ayay u arkeen, waxaana ku sii batay yaabka ah waxa uu tolkii u soo kaxaysan waayay. Ninku miyaanu tol lahayn? ayay niyadda iska wayddiinayeen.

Raage in isaga laga war sugayo wuu ogaa, baqdin aan yarayna wuu qabay, laakiin wax aadan hurayn hore ayaa loo yeelaa, ayuu ku calool adaygay.

“Warsame, Guuleed iyo Aw Ciise, waxaan idiinku imid arrin la isu la yimaaddo ta iigu la qiimo badan, oo ah in aynu xididno. Sharaf weyn ayay ii ahaan lahayd in aad i siisaan oo aad guur noogu wada ducaysaan inantiinna Deeqa Warsame.”

Haa, sidaas ayaa loo hadlaa, wuu soo xafiday. “Mahadsanid Raage. Sharafta aad noogu timid mid la’eg ayay noo tahay in aad gabadh na wayddiisatid”, ayuu Aw Ciise oo saddexdooda ugu da weynaa hadalka ku qaatay. ”Laakiin waxa la arki jiray waxooda ayaa lagu akhriyaa, waxa aan la arki jirinna Subxaan Allah ayaa laga akhristaa. Toddobaatan jir ayaan ahay, waana ii koow nin dadabdhig ah oo haddana keli socda. Maxaad noogu soo kaxayn wayday, midna ha ahaadee, odayadii reerkaaga?”

Raage wuu hubay su’aashu in ay imanayso, wuuna u diyaar garoobay.

“Sidaas ayay ahaan jirtay, waanan ogaa in aad taa iga sugayseen, xaqna iigu leh dihiin, runtiina waan samayn kari lahaa, waxaan se u arkay in aanay muhiim ahayn. Xumaantayda iyo samaantayda, aniga ayaa gabadhiinna jeclaaday doonayana in aad i siisaan. Haddii aan odayaal wanaagsan oo aad isfahamtaan idin soo hor fadhiisiyo, asaan anigu ahay qof xun, miyuu wanaaggoodu gabadhiinna wax u tarayaa? Taa darteed waxaa habboon sidayda in aad Deeqa igu siisaan.”

“Maya, maya, adeer, goortii kale ee aad doontid nagu soo noqo oo odayo noo keen, maanta se naga tag,” ayuu Aw Ciise yidhi.

“Haddii ay lamahuraan tahay waan yeelayaa, waayo helista Deeqa wax taa ka adagba waan u samayn lahaa. Laakiin idinkuna i la garta in aynu nahay ka la casri iyo ka la duruuf. Waqtigii hore waxaa muhiim ahaa tolka uu qofku ka dhashay, laakiin maanta waxaa muhiim ah bulsho weynta aynu ka tirsan nahay. Sidaas darteed aniga oo fikraddiinna aad u qaddarinaya, shardiga aad igu xidheen wuu fudud yahay laakiin aniga iyo Deeqa dulmi ayuu nagu yahay.”

Odayadii waa ay yar aamuseen. Guuleed wuxuu jeclaa in hadalkii Aw Ciise la taageero oo kulanka halkaa lagu joojiyo ilaa uu Raage tolkii la yimaaddo, Warsame oo awal aamusnaa ayaa se si kale u hadlay:

“Raage, hadalkaagu waa gar laakiin daw ma aha. Caado soo jireen ah ma fududa in sidaas yar looga xuubsiibto. Dadkuna wuu iswada yahay oo qudhaydan idinka ayaa i dhalay, laakiin maxaad adduun lee dahay oo aad reerka ku dhisanaysaa?” ayuu yidhi Warsame.

“Tacliin ayaan lee yahay, imika waxaan ahay macallin, mustaqbalkana ka ma niyad xumi.”

“Laakiin maxaad gacanta ku haysaa oo aad haddii aannu gabadha kugu darro ku dhaqanaysaa?” ayuu Aw Ciise carrabka ku xejiyay.

Su’aaluhu Raage waxay kaga kululaayeen jeedal ku laba dhacaya. Haba yaraatee wax hanti ah caawa gacan ku ma hayo, in uu sidaas u qirtana foolxumo ayuu u arkay. Laakiin mar haddii ay isaga iyo Deeqi wax walba isla oggol yihiin odayada si kasta waa in uu ku qanciyaa. Waxaa meesha soo geli karta maahmaahdii ahayd “Naag been baa lagu soo xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa”.

“Runtii ma lihi hanti aan ku faano, laakiin in aan wax tacban karo ka sokow, waxaan ka dhashay qoys geel badan leh.”

“Geel badan?! Oo ma waxaad doonaysaa in aad miyi degtid?” ayuu Aw Ciise si yaab leh u wayddiiyay.

“Maya, laakiin geelaa dan kasta oo aan doono ayaan ku fushan karaa.”

Labada oday ee kale awalba may jeclaysan halka uu Warsame hadalka mariyay ee ah in Raage hantidiisa la wayddiiyo, waayo waxay u muuqanaysaa siin, taas oo aan xaaladda sidan ah diyaar loo ahayn. Aw Ciise ayaa inta uu qalab qaadasho isu diyaariyay, isaga oo huba in aan laga dabo hadli doonin, kulanka ku soo gabogabeeyay:

“Raage, gabadh nin keliya lagu la ma xidido ee qabiil dhan baa lagu la xididaa. Haddaba mar kale iyo tolkaa oo ku la socda ha inoo ahaato.”

Hilib bir baa goysa hadalna guddoon. Raage wuu arkaa Ciise in uu goobta ugu da weyn yahay go’aanka ugu dambeeyana isagu lee yahay, sidaas darteed hadal ma hadhin. Wuu kacay iskana tegay.

Intii uu sii socday oo dhan wuxuu ka fekerayay odayada ay isaga isku reerka yihiin ee magaalada jooga. Wuu og yahay qaar kuwaas ka mid ahi in ay neceb yihiin, inta kalena dhawr mooyee ismaba yaqaannaan. Dhaqan ahaan waxaa la rumaysan yahay labada nin ee isku tolka ahi in ay isku tolan yihiin oo aanay sinaba u ka la maarmin: tol waa tolane. Laakiin isagu wax isku tolaya ma arko. Kuwa necebi wax ay ku la colloobeen dhawr jeer oo uu diiday qaadhaan loo ururinayay dagaalka qabiilkooda iyo qabiil kale miyiga kaga dhex socda, iyo shirar Xamar lagu yeeshay oo uu ka baaqday. Taas awgeed wuu garanayaa marka uu arrintan u la tago waxa ay ku fekerayaan kuna jawaabayaan: ma soo taabatay runta ah tolkaa in aadan ka maarmin?

Haddii se ay diidaan in ay raacaan, iyaga oo taa ciqaab uga dhigaya, muxuu Warsame ku la noqon doonaa? Tolkay waa ay i diideen miyuu la shir tegayaa? Sow loo arki maayo qof qarriban oo tolkii dayro ka ah? Wuxuu maqli jiray rag qaatay go’aan aan tolkood raalli ka ahayn dabadeed lagu caayay ”waa sheegato ee annaga ma aha”, ”waa garac,” ”isaga oo yar baa la helay” iyo wax la mid ah. Laakiin hadal sidaas ahi muxuu qof weyn oo xilkas ah yeeli karaa? Waxba haddii ay bulshada kale hagaagsan tahay oo ay qofka shakhsiyaddiisa oo keliya xukumayso. Maanta se xaalku sidaas ma aha oo inta tolku qofka ku khasbayo in uu addoon u ahaado in la’eg ayay dadka kalena ku khasbayaan in uu tolka magangalo. Xaalku waa ”Hal labamidigle dhengedeeyay dhanna u ma fayooba”.

Si kastaba ha ahaatee Raage wuxuu ku tashaday in uu qaar odayaashaa ka mid ah raadiyo, kuwa ugu caqligalsan. Dhaqanka dambeeya ha lagu wada rarnaado ee waa la isdhaamaa. Fiidkii ayuu mid wadaad ah oo dadka kutubta u raaci jiray guriga ku garaacay. Waxba in aanu ka qabin ee uu laba ama saddex kale war geliyo ayay isla garteen. Mid kale oo aanu wanaag mooyee xumaan ku aqoon ayuu u tegay, Xaaji Guure. Gabadh bariido macaan oo Xaajigu dhalay ayaa albaabka ka furtay una hor kacday qolkii uu aabbaheed fadhiyay. Nasiibdarro Xaaji Guure waxaa caawa la jooga AadanAflaw oo ay Raage dunida isugu neceb yihiin. Halkii ay fadhiyeen ayay isagana shaah ugu shubeen, markiibana Aflaw waxaa fuushay dhedo qabow oo Raage la socotay.

Maalintii Aflaw iyo Raage isugu dambaysay ka yari wuxuu diiday qaadhaan dagaal, dabadeed si xun ayuu u aflagaaddeeyay. Waa shan iyo konton jir ay noloshiisa oo dhami ka kooban tahay cay, fadeexad, shaxaad iyo diradire. Weligii shaqo kale risiq ku ma cunin.

Labada fool iyo labada dhoollood ee sare oo maqan laba jeer oo ka la gooni ah ayay gacan ka dirir kaga dhaceen, labada jeerbana qabyaalad ayaa lagu diriray. Wuxuu afka dulaaqan isaga asturi waayay, oo cirridka daloola isaga gufayn waayay, wuxuu doonayay in uu tolkii dhiigga ku dhaqaajiyo, oo marka uu lacag ururinta ku jiro ayuu ku xasuusiyaa waxa uu dhib iyo dhaawac u soo maray ilaalinta sharafta iyo jiritaanka tolka.

Qaadhaanka uu intaa u guntan yahay wuxuu lee yahay toban magac: dagaal, mag, yarad, kaalo, siyaaro, dhoofin, soo dhoweyn, xaal, aas… Waxaas ayuu jumlad iyo tafaariiq marba sida uu ku qaadi karo ama ay kaga socon karaan ku suuq geeyaa. Wuxuu ku faanaa in uu isagu tolka isu hayo haddii kale Xamar lagu gumoobi lahaa. Dagaalka miyigu marba meesha uu marayo, run iyo beenba, isaga ayaa ka warrama. Dadka ay isku magaca yihiin ee Xamar awoodda iyo lacagta ku leh ayuu habeen iyo maalin shaxaad iyo qaadhaan aan meel ay ku ka la baxaan la aqoon la hor taagan yahay. Qof weyn iska daaye wiilka xalay dhashay ee ay isku haybta yihiin wuu u tirsan yahay. Waxa uu intaa la wareegayo qofka su’aal ka keena carrab dheer oo la moodo in uu cadaabta soo daray ayuu ku leefaa oo dubka kaga siibaa dadnimadana kaga dilaa. Rikoodh weyn iyo cajalado badan oo gabay qabiil ah ayaa guriga u yaal, suugaan kale ma xiiseeyo.

Waxa ugu muhiimsan ee uu carruurtiisa baro, ama bari karaa, waa loollanka suugaaneed iyo dagaal ee qabiilkiisa iyo qabiil kale dhex maray. Haddii uu maqlo iyaga oo gabay uu nin cid kale ahi tiriyay akhriyaya ama ka hadlaya haddii uu qoladiisa yaqaan wuxuu yidhaahdaa: “Waxaasi gabayna ma aha ee waa cantarabaqashkii reer hebel.” Haddii kale markaa ka dib ayuu cidda uu yahay raadiyaa.

Sidaas oo uu yahay Aflaw salaadi ka ma tagto, inta badanna masjidka ayuuba jamaacada ku la tukadaa. Tukashadu inta badan Alle ka cabsi ma aha ee waa iska caado. Dadka kuwa ugu qabyaalad iyo xumaan badan baa ugu salaad badan. Boqollaalka xaasid ee qabiilka isu wada neceb aamiintooda wadajirka ahi u ma ega mid samada laga aqbalo. Jamaca mid walba labada dhinac waxaa faryarada cagta faryarada ugu haya mid uu qabiil u neceb yahay. Marka uu midig u salaama naqsado mid buu indhaha ka nacdalaa bidixdana mid kale. Haddii diinta lagu sheegay salaaddu in ay dadka xumaha ka ilaaliso kuwa marka ay masjidka ka soo dareeraan xanta iyo xumaha makhaayadaha isla wada hor yuurura maxay ka ilaalisay?

Aflaw marka uu suugaanta, taariikhda, faanka iyo cayda giddigood qabyaaladda ku salaysan ka soo jeesto waxaa nasasho u ah Laanta Afka Soomaaliga ee BBC, taas oo aan sinaba ku dhaafin. Marka uu dhegta ka qaadana waxii ay sheegtay oo boqol jeer beddelan ayuu goobaha la isugu yimaaddo ku faalleeyaa.

Caawa markii muddo aan dheerayn la wada fadhiyay shaahiina la cabbay ayuu Raage debedda u la baxay Xaaji Guure una sheegay ujeeddada uu ugu yimid. Berri in halkan la isugu yimaaddo ayaa lagu ka la tegay.

Aflaw in kasta oo uu Raage horeba ugu xanaaqsanaa caawana wuxuu kaga sii xanaaqay in uu isaga oo odaygii reerka ah ka faqay. Markii ay labadooda noqdeen ayuu Xaajiga wayddiiyay:

“Ninkii meeshan dafdaf lahaa muxuu waday?” Raage Xaajiga ka la ma uu hadlin in aanu doonayn Aflaw arrintiisa in uu galo, ha yeesho ee mar haddii lala faqay in uu sidaas u garto ayay ahayd. Laakiin sabab macno leh oo uu uga qariyo ma arko.

“Ina Micilibaax waa guurdoon oo wuxuu u baahan yahay rag la ardaadhiga.”

“Rag la ardaadhiga? Adduunow ba! Qaawane durba dani ma keentay?”

“Isagu nin xun u ma ega ee kii jaan ee adeerka u ahaa ayaa ficil darrada iyo dhiig la’aanta qaadsiiyay.”

“Wallee isaga iyo aabbihii ka la raggannimo badan! Mas baa abur dhala! Xirsi-Micilibaax boqol nin geed ugama kaco, isaguna waa kaas aan dad iyo xoolo toonna ahayn.”

“Si kasta ha ahaato ee mar haddii uu reer dhisayo aynu raacno.” “Ma Qaawane ayaad lee dahay aynu raacno? Raaci mayno halkaasna u dhaafi mayno. Waa kii isxoonfaadhin jiraye ha isku fillaado.”

“Maya ee, Aadan, aynu raacno, qudhiisa in Alle ku soo hanuuniyo oo uu tolka u soo noqdo ayaa la arkaaye.”

“Guure, waxa aad ku hadlaysaa talo ma aha. Dhallinyarada kii waxaas oo kale ku kaca haddii aan la xanuunjin sow sidiisa wada noqon maayaan oo midba meel isaga dhaqaaqi maayo? Sidee loo dhaqnaanayaa?”

Guure wuu aamusay waayo, in kasta oo labadooda uu isagu da weyn yahay, haddana talada reerka kagama daba hadlo. Dabadeed Aflaw ayaa mar dambe su’aalay:

“Ma wayddiisay naagtu cid ay tahay?” “Waa reer Gabbal.” “Reer Gabbal? Ina ayaheeda iyo meel ay deggan yihiin ma wayddiisay?”

“Sida uu ii sheegay waxaa dhalay oday lagu magacaabo Warsame Kooshin oo reer Hawlwadaag ah.”

“Warsame Kooshin reer Gabbal ah oo Hawlwadaag deggan? Armuu yahay odayga dakharka leh ee iskarogada cas wata?”

“Wax aqoon ah u ma lihi”, ayuu yidhi Xaaji Guure. “Waa isaga ee iska daa, maalin dhoweyd ayuuba yarka aan adeerka u ahay guriga u soo raraye. Adigu dadka ma ka la taqaannid ee qudhiisa abti baa loo yahay oo waxaa dhashay ina Indhoyare.”

Xaaji Guure wuxuu ka fekeray wax kastaba ha ahaadee ninkaas guursanaya sidii la isu garab taagi lahaa, laakiin Aadan-Aflaw isagu si kale ayuu u fekerayay, si sheyddaan.

Sidii la isku ogaa galabtii xigtay oo jimce ahayd Raage wuxuu yimid guriga Xaaji Guure oo ay ku sugayeen isaga iyo laba kale. Warsame in caawa la wargeliyo berrina ay afartoodani isu raacaan ayay ku heshiiyeen. Galabtii taa ka dambaysayna waxay marti sharaf u ahaayeen saddexdii oday ee maalintii hore Raage soo hungeeyay oo uu weheliyo Deeqa walaalkeed, Cawil. Waa isla gogoshii, waa isla ujeeddadii, waana isla raggii, haddana niyadwanaaggii maalintii hore Raage lagu qaabbilay galabta meesha ka ma muuqdo. Maxaa jira? “Gabadha in aanu idin siinno waanu jeclayn, guur se waa calafe, waxaa na soo gaadhay adeerkeed in uu Sacuudiga ku bixiyay oo nin xaggaa jooga siiyay.”

“Dorraad bay ahayd markii aad inanka soo farteen in aanu soo raacno, goorma ayaa markaa gabadha la bixiyay?”

“Ilaahay baa ina asturay ee haddii aanu dorraad idin siin lahayn waa aynu wada ceeboobi lahayn. Shalay tadan ayuu telefoon ku soo warramay.”

Odayadii martida ahaa luggooyada ku dhacday iyaga oo ka xun ayay iseegeen, laakiin Raage xanaaq, welwel iyo yaab dartood ayay neeftu ka soo bixi la dahay. Wax baa qaldan! Maxaa qaldan? Nin aan aniga ahayn yaa Deeqa siin kara? Bal nacdashan ka la koofiyadda xumi waxa ay ku hadlayaan dhegeysta! Jaahiinna Alle gub! Nin Sacuudiga jooga ayaa la siiyay ku lahaaye! Iyadii meeday? Waxaa maxay ka og tahay? Maxay ii la soo socodsiin wayday? Miyaa ay maddiideeyeen? Maddiido? Horta maddiidadu ma jirtaa? Miyaa ay qasbeen? Imika guriga ma joogtaa? Meeday? Wuxuu damcay in uu iyaga wayddiiyo amaba qudhiisu u yeedho. Maya, taasi waa fudayd. Ha degdegin. Isdeji oo wax hubso. Mashaqada ku hor taal maskax ku maamul.

“Adeer, Deeqa nin kale oo la siin karaa ma jiro. Annaga ayaa isjecel heshiisna ku ah in aanu isguursanno, idinkana sharfid iyo qaddarin ayaan idiinku imid ee mid la’eg ii muujiya. Miyaad khasbaysaan? Ma waqti hablaha guur aanay rabin lagu khasbo ayaa la joogaa?”

Wuu xanaaqsan yahay oo waa la arkaa. Weligiiba se ha xanaaqo, yaa dan kaa leh. Wax aan edeb lahayn baad tahay ee annaga ha na dhihin gabadhiinna aniga oo aan idin wayddiisan baan guursan karaa. Inan gumeednimada lagugu sheegayo ayaa dhab ah ee nin gob ahi waxaas ku ma hadlo. Sidaas ayay odayada kale ku fekerayeen.

Aw Ciise oo sidii caadiga ahayd qolada martida loo yahay afhayeen u ah ayaa ku jawaabay:

“Raage, hadalkaas aad na tidhi isku ma lihin. Gabadha na la ma aad dhalin ee waad na wayddiisatay, wax suurtoobi waayay ayayna noqotay. Gabdhuhuna waa ay badan yihiin ee gayaankaa ka raadso, innaguna aynu ka la ceeb la’aanno.”

Sidii qof la maray ayuu dhididayaa oo indhaha taagayaa. “Laakiin iyadii aaway? Wax ma wayddiiseen?” “Dhallinyaronimooy ba! Xaaji Guure, inanka maad naga qabataan?” waxaa ku dacwooday Guuleed.

Xaaji Guure isaga oo sii kacaya ayuu ku jawaabay: “Annaga iyo idinka toonna hadal inoo ma furra. Gabadh baanu idin wayddiisannay, gabadh la isu diidaana inagama ay dhaxayn, laakiin runtii waxaan dareemayaa Deeqa in aad noo diiddeen. Haddaba bal nabad gelyo!”

“Rag gabadh loo diido waad nagala culus tihiin, guur se waa calafe nabad diino!” ayay odayadii kale ku jawaabeen iyaga oo niyad-da kaga ducaysanaya mar uun nimankaa in uu Eebbe guriga uga saaro.

Iyada oo haybad la’aan la dareemayo ayaa kabo illasho loo dareeray. Raage weli naxdin ayuu la kurbanayaa oo xanaaq ayuu jiq la yahay. Sinaba arrinta wuu u fahmi kari la yahay. Ma laga yaabaa Deeqa oo inta aad og tahay ku jecel in laga sayidcaleeyay oo madaxeeda mijo loo rogay? Ma ilmo yar baa marka laga sayidcalaynayo, mase neef xoolo ah baa marka madaxeeda mijo loo rogayo? Maya horta waa in aad iyada aragtaa, talo taa ka horraysaa ma jirto, ayuu ku calool adaygay oo isaga oo aamusan raggii sii baxayay raacay. Intii uu kabaha illanayay dhegihiisa iyo dhaayihiisu waxay u nuglaayeen, maqal iyo muuqaal, wax Deeqa ku saabsan. Laakiin bakeeri kijada ku ka la jabay sanqadhiisa mooyee cid aan ragga uu ka soo ag kacay ahayni in ay guriga joogto la ma moodo.

Xaaji Guure iyo labada nin ee kale jacaylkan gawracu saaran yahay ma arkaan ee waxaa la weyn foolxumada ku soo dhacday. Raage ayay ku hiifayaan in uu u geeyay gun aan qawl lahayn oo ay ku sharaf waayeen. Laakiin isagu weli wuxuu garan la yahay sida ay wax yihiin. Ninka Deeqa bixiyay ee la sheegayaa ma markii aan anigu doonay ayuu ogaan ugu beegay? Wax baa qaldan. Malaha waa beentood oo marmarsiinyo ay kuugu diidaan ayay ka dhiganayaan? Oo maxaad galabsatay oo ay kuugu diidayaan? Xoolo la’aan? Dorraad sow kuwii sida fiican kuu la hadlay ee weliba ku dhowaa in ay gabadha ku siiyaan. Maya, horta waa in aad iyada degdeg u aragtaa.

Isaga oo ciil la liita ayuu gurigiisii iska tegay. Wax kale oo ay maskaxdiisu ka fekeri kartaa ma jiraan. Dhan walba markii uu arrinta ka eegay wuxuu niyadda isugu dhisay sida uu moodayo in aanay xaaladdu u xumayn. Deeqi in ay ku jeceshahay waad hubtaa, dadka badankooduna maanta iyada oo aan la isa siin ayay isguursadaan, markaa maxaad isla waalaysaa? Warsame isaga ayuun baa isceebeeyay ee Kuu ma diidi karo, nin Sacuudi iyo meel daran jirana ku ma khasbi karo. Dunidan ma wuxuu moodayaa tii Bucur Bacayr iyo Geeddi Baabbow? Laakiin iyadu maxay arrinta kuu la soo socodsiin wayday?

Waxaa dumay habeen dheer oo in uu dhammaado diiday. Wax uu hurdo la’aan sariirta laba bogleeyaba waagii beri. Nasiib wanaag maanta shaqo ma leh oo dugsigu waa fasax, taa darteed aroortii ayuu gam’ay. Duhurkii ayuu haddana welwel iyo xanuun la toosay. Dunida wuxuu ugu jeclaa in uu Deeqa arko, bal in uu mar uun arko.

Isaga oo sidii uga fekeraya ayay casarkii u soo gashay. Iyada oo aad mooddo in uu horor eryanayo ayay isaga oo sariirta jiifa laabta iskaga tuurtay. Illin kulul oo biyo la kariyay la moodo iyada oo qubaysa ayay isku duubtay ilaa ay qof keliya u ekaadeen. Inta uu isku marmaray oo xoog isugu cadaadiyay ayuu sidii uu cunayo jidhkeeda meel walba dhunkasho boob ah ku cancantuugay. Neef shalay sambabbada iskaga gunudday ayaa iyada oo kulul ka soo boodday. Waxii uu culays la kici waayay mar keliya ayaa sidii awr rar laga dhigay laga dul qaaday, wuxuuna ka fududaaday baal.

Ma iyadiiba qofkan uu mar kale laabta ku hayaa? Dhawr ilbidhiqsi gudahood ayuu boqol jeer wejigeeda hubsasho iyo daawasho ugu noqday. Horta iyadii ma tahay? Waa taa kor iyo kal carrabka iyo calaacalaha la isku duugay. Waa taa la isku suuxay, ee meel cirka iyo dhulka u dhexaysa la heehaabay. Waa taa sidii noole ay naftu iska gurayso ama isku gurayso xanuun iyo taah lala galgashay. Dhidid kululi waa kaa gogoshii dhushuq ka dhigay.

Qunyar qunyar ayaa loo soo miiraabay, markii hadal la karayna waa la iswaraystay.

“Maxaad noo khatashay oo cid aadan ahayn noogu sheegatay?” ayay wayddiisay.

“Maxaad ka waddaa?” “Odayada aad wax isu tihiin se wejiyo badanaa!” “Odayada aanu wax isu nahay ee wejiyada badani wa kuwee?” “Kuwii aad shalay la socotay iyo qaar ka horreeyay.” “Kuwii aan shalay la socday gartay ee kuwa ka horreeyay waa kuwama?”

“Saddex dorraad aabbahay u yimid.”

“Oo maxay rabeen?”

“Waxay u sheegeen in aadan reerkooda ahayn.” Aadan-Aflaw markii uu tilmaanta Warsame qaatay baadidoon ayuu u galay, ilaa uu soo ogaaday in uu kii uu malaynayay ee ay ina Indhoyare dhashay yahay. Laba kale oo noociisa ah ayuu kaxaystay, waxayna Warsame u sheegeen in ay maqleen nin Raage lagu magacaabaa in uu gabadh ka doonay, kaas oo qolada ay iyagu yihiin sheegtay. Waxayna ugu warrameen:

“Xamar waa magaalo weyn oo qof waliba cidda uu doono sheegan karo ee yaynnaan ku qaldamin. Waa ay jirtay Rooble oo annaga ahi ninkaas in uu soo koriyay, markii uu weynaadayna dunida iyo dadka Ilaahay ayuu dhinac ka galay. Markaa haddii aad gabadha siinaysid iskaa u sii, laakiin ogow in aanu annaga ahayn nagana dhalan. Waxii uu cid yeelo na loogu ma yimaaddo, wiaxii isaga la yeelana annaga na la ma yeelin.”

Isla markaaba oday Warsame xusuustiisa waxaa ku soo noqotay Raage in uu shalay kelinimo ugu yimid, markii in uu odayo soo kaxaysto laga codsadayna wejigabax ku dhacay. Marka wax laguu sheego ayaad wax garataa, ayuu ku fekeray. Deeqa qudheedu waxay xusuusatay sidii uu u necbaa in uu haybtiisa sheego.

Raage Deeqa wuxuu wayddiiyay: “Markaas sheekada Sacuudiga waxba ka ma jiraan, sow ma aha?” “Waxba ka ma jiraan ee odayada ayaa marmarsiinyo ka dhigtay.” Sida ay wax yihiin oo dhan ayay isla falanqeeyeen, wuuna ku guulaystay in uu Deeqa ku qanciyo runta ah in uu jiro oday sheyddaan u raran oo lagu magacaabo Aadan-Aflaw. Waxayna isku dhaarsadeen wax kasta oo dhaca iyo cid kasta oo xumaan ka dhex abuurta in aanay ka la aammin bixin, guur meel ka sokaysana geeddiga ku furin. Isla markaas in ay sii wadaan qancinta Warsame.

Inta uu Deeqa sagootiyay ayuu makhaayad uu Aflaw ku malaynayay isku sii daayay. Isaga oo sidii dabayl jin u duulaya ayuu Aflaw oo kuwo kale makhaayad horteed la fadhiya cirka u la booday, oo inta uu labada gacmood dib u maroojiyay, oo mid kilkisha bidix gashaday ta kalena isla gacanta bidix aad uga buuxsaday, oo dhaqaaq u diiday, gacanta midig si aan arxan lahayn cunaha ugaga qabtay oo derbiga qadaadka ugu garaacay, isaga oo isla markaa ku qaylinaya:

“War maxaa la iga kaa siiyaa? Maxaa la iga kaa siiyaa? Sheeg eey yahow afka daloolaa waxa aad igu lee dahay?”

Aflaw weerarka oo ku kediyay ka sokow wuxuu ahaa nin tabar yar, waxbana iska ma dhicin ee sidii digaag baalasha la hayo ayuu mijo yaryar ka firig firig siiyay oo dhulka ku xoqay. Markiiba waa lagu soo yaacay si loo ka la qabto, laakiin durba waxaa la arkay Aflaw oo miyir la’aan dhulka la daadsan.

Mashaqadii galabtaa dhacday maalin dambe ayaa laga garnaqay. Raage waxaa lagu xukumay waxyeelladii uu odayga u geystay in uu qoon ka bixiyo, laakiin isaga qaladkii laga galay loogama garaabin xaalna laga ma siin.

“Nin nasabnimadiisa la duray waa foolxumo weyn, laakiin Raage haddii aad nasabnimo dan ka lee dahay tolkaa ayaad wax la qaybsan lahayd. Hadal iyo murti, hawsha waa laguu raacayaa, waxii qaldamayna waa la saxayaa, adigana maanta ka dib, dood, deeq iyo dirir mar walba halka lagaaga baahan yahay ha lagaa helo.”

Taladaa diiday iyo yeelay midna isaga laga ma maqal. Haddii waxii lagaa qalday laguu saxayo afkaaga hayso, ayuu ku fekeray. Mar kale ayaa Warsame wadajir loogu noqday, lagana raalli geliyay khilaafka lagu la galgashay.

Dabadeed Raage wuxuu galay tabaabulshe aroos. Kharashka arooska iyo hadhow waxii reer lagu yagleeeli lahaa markii uu xisaabiyay waxay noqdeen buur dheer oo aan la fuuli karin. Lacag badan oo Aflaw loo xukumayna waa laga rabaa. Hawl adduun baa ku soo hamaansatay. Mushaharkiisu ma aha wax macno leh oo xataa kirada iyo noloshiisa ku filan. Wax uu talada rogrogaba la ma huraan wuxuu noqday caws jiilaal. Nin guursaday xuunsho xoolo mood. Miyi iyo geelii aabbihii ayay dantu ka badin wayday.

Xirsi-Micilibaax si weyn ayuu inankiisa beryahan u dhaliishan yahay. Nin magaalo iska dhex jooga oo aan naftiisa iyo naf xigta toonna wax tarin ayuu u arkaa. Marar badan ayuu farriimo u soo diray uu lee yahay: “Meesha haddii aadan waxba ku hayn kaalay geela i la dhaq.” Jawaabta joogtada ah ee Raage, ee ah in uu dalku xaalad dhaqaale iyo siyaasadeed oo foolxun ku jiro lagana bixi doono, odayga dhego daloola ugama helo.

Geeliisa boqolka ah in uu manaafacsado waxaa uga weyn in uu daawado kuna faano. Isaga oo jeex caleen leh casar ku soo rogay, oo ay kurayo walaalo ahi hareeraha ka joogaan, dhawaaqyada ka la duwan ee kooruhuna isu baxeen, oo baarqab dhibi iyo dawaad isku aslay marba dhan kaga doobyay, oo haleeladu dhasha u reentay, oo habeeddu hawada buuxisay, maalintaa ma jiraan macne iyo magac nolosha Micilibaax ka dhimani. Waa se macne iyo magac faalso ah ee nin geel raacay cidi ka ma liidato. Isaga oo ay kaadi geel lugaha madoobaysay waa kaas harraaddan ee arradan. Kumanyaal sano ayay noloshu intaas ahayd oo waxba lagu dari kari waayay. Kumanyaal sano ayaa geeddi la ahaa oo habeenba jabad loo hoyanayay haddana dib loo hayaamayay.

Waxaa jira dad hab-nololeedka sidaas ah weli difaacaya. Oo waa maxay aayaha laga dhaxlay ee loo difaacayaa? Intii aadamigu ka la qoqobnaa, ee qolo waliba waxa ay qabtaa iyada u gooni ahayd, geeljirenimadu ha iska silic badnaato hana iska dambayso ee waxay ahayd nolol nin aan wax kale aqoon iskaga filan. Laakiin markii uu xayndaabkii ummadaha ku ka la xeernaa burburay, nin raalli ku ah cad iyo caano geel wallee wax badan qayrkii gunnimo wuu ugu gurguuran. Waa hubaal haddii aan laga bixin Soomaaliya in ay noqon doonto “zoo” loo daawasho tago.

Jiritaanka ummadeed waxaa shardi u ah horumar joogto ah, horumarna waxaa shardi u ah dhaqaale hagaagsan, dhaqaaluhuna wuxuu hagaagsan yahay marka uu waxsoosaarku ka badan yahay baahida. Haddaba waa maxay horumarka geel raacasho laga samayn karaa? Maskax quus ah oo rajo dhigtay iyo indho ilayska mustaqbalka ka daboolan oo keliya ayaa geeljirenimo difaaca.

Laakiin sow wax lala yaabo ma aha Raage xaaladda uu sidaas u dhaliilayo in uu haddana ka maarmi waayay oo gacmaha hoos dhigtay? Maya haddii la og yahay isla markaa in uu jiro geeljir aan magaciisa qori aqoon oo nolosha ugu wanaagsan Xamar kaga nooli. Markii uu aabbihii u sheegay in uu ugu yimid hawsha guurka in uu ka kaaliyo Micilibaax waxay ku noqotay yaab iyo afkalaqaad.

“Waar ma ninkaagii intaa tacliin iyo magaalo ku maqnaa ayaa geelayga marti u ah?”

“Aabbe, dalkii baa sidaas noqday, denbigaygana ma aha.” “Waa denbigaaga, maxay u ahaan wayday. In aad diyaaradaha duulisid baan kuu diray, markaasaad macallin iyo wax jaan ku wareegaysaa. Haddii aad macallinimo doonaysid maad halkanba Qur’aanka ku baratid, maanta ayaad sida aw Ibraahin malcaamad dhan haysan lahayde. Ma aw Ibraahin baa maanta Ilaahay mooyee cid kale u baahan?”

Aw Ibraahinka uu odaygu sheegayo Raage wuu garanayaa. Waa isku da, weligiina beesha dhan ugama bixin, tacliintiisuna waa Quraanka oo uu xifdisan yahay. Isaga ayaa beesha malcaamadda u haya, aad ayaana loo qaddariyaa.

Micilibaax wuu la socdaa in wiilkiisa lagu kari waayay tolka Xamar la jooga in uu wax la qaybsado, iyo weliba in uu raggaa halkaas jooga ninkii ugu firfircoonaa gacan u la tegay. Aad ayuu taas ugu canaantay. Wuxuu kale oo ku canaantay talo xumada uu maanta u la yimid ee lee yahay geel ha la ii gado. Geel la isa siiyo wuu arki jiray, geel yarad loo bixiyo wuu arki jiray, geel mag loo bixiyana wuu arki jiray, laakiin geel la iibiyo dhaqan u ma leh, ceeb iyo magac xumo weyn ayuuna u arkaa.

Wax badan ayuu codsiga Raage hadba geed iskaga xoqay, laba habeen ayuuna seexday isaga oo aan jawaab cad bixin. Laakiin Raage wuu yaqaan sida aabbe reer miyi ah loo maalo. Wuxuu u faalleeyay quruxda Deeqa, dadnimadeeda iyo cidda ay ka dhalatay gobannimadooda. Wuxuu ku sheegay naag kun lagala baxo oo ay rag badan u beratameen. Ugu dambayn wuxuu ka helay saddex tuldood oo markii uu gaday qiimo wanaagsan u gooyay, wuxuuna Xamar ku la soo noqday farxad.

Mar haddii uu gacanqabsi helay wuxuu waqti isaga lumiyaa waa macnodarro. Markiiba wuxuu galay qabanqaabo aroos. Qolkii wuu ka baxay, guri qabyo ah oo ay laba qol dhisan yihiin, oo aan kii hore ka fogayn, ayuu kiraystay. Guurka kii wax la isu hadoodilayo ayaa lacag iyo alaab lagu kabkabaaye haddii uu meesha jacayl jiro hadba waxa la hayo ayaa lagu meelmaraa. Markii uu lacagtii Aflaw loo xukumay iska bixiyay, waxoogaa uu yarad ahaan u qorsheeyay waa ay u baaqdeen. Warsame in uu ka qaato iska daaye wuuba kaga khajiliyay isaga oo ku la kaftamay:

“Sow adigii iska dhigayay nin casri ah oo dhaqanka intiisa xun iyo intiisa wanaagsan ka la hufaya? Aniga yarad waxaa iigu filan Deeqa oo nolol ay ku faraxsan tahay ku noolaata.”

Dabadeed alaab waxay u baahnaayeen markii ay labadii qol dhigteen waxaaba u soo hadhay lacag uu markii dambe u qorsheeyay in uu dugsi gaar ah oo af ingiriisida laga barto ku furto.

***

Maalmihii uu arooska isu diyaarinayay ayuu Raage mar uun ina adeertii Leyla waayay. Wuu ogaa in ay noqonayso hormuudka hawsha arooska, laakiin in aanu dhawr cisho oo isku xiga arag sababteeda ma uu fahmin.

“Waxaan u malaynayaa in aan socdaal Burco ah ka maqlay”, ayay Deeqi Raage ku tidhi.

“Ma socdaal sidaas kediso u ah? Ma Negeeye ayay wax ku dhaceen?”

“Fili maayo, waxa ay se hadalhaysay arrin ay doonaysay in ay Negeeye degdeg uga la hadasho.”

“Laakiin maxaa iyada oo aan cid sagootiyin subax keliya dhaqaajiyay?”

Wayddiintaa ayuu ku soo celceliyay isaga oo maleeyay in ay jiraan wax ay iyada iyo Leyli isla ogaayeen isagana ka qarinayaan, laakiin iyadu inkiraad ayay isla taagtay.

Isaga oo maqnaanta Leyla sidaas u la yaabban ayaa maalin jimce ah, goor barqo ah isaga oo hurdo ka toosay keligiina gurigii cusbaa jooga, albaabka lagu soo garaacay. Wuu furay, mise waa Leyla oo garbasaar ku daboolan oo dirqi lagu garanayo.

“Ahlan wa sahlan, Leyla! Sow tan qoftaadii sida jinka dabaysha noqotay.”

“Nabad sow ma aha, Raage?” “Waa nabad ee bal adigu iska warran?” Durba Raage shaki baa galay. Dednaanteeda ayuu la yaabay. Wuxuu filayay in ay hab siiso oo diirranaantii caadada ahayd ku salaanto. Waxay u eg tahay qof tacsiyaysan. Wuu ku soo dhowaaday, garbasaartana qunyar uga fayday, naxdintii qabsatayna wuu ogaa! Qofka hor taagani Leylaba u ma ega. Wejigeeda oo dhami wuu beddelan yahay, dibinta sare iyo isha midigba waa ay barareen oo madoobaadeen qolof adag ayaana fuushay. Qof calool jilicsani wuu ka carari lahaa.

“Leyla, waa maxay sidani?” Iyada oo oohin darteed neeftu ka soo bixi la dahay ayay wejiga laabtiisa ku qarisay oo ku barooratay:

“Walaal wuu i dilay. Gacankudhiiglihii tuugga ahaa wuu i soo dilay. Dadkii in uu laayay iyo in uu dhacay ayuu ka dhigay.”

Raage u ma baahna gacankudhiiglaha tuugga ahi ka uu yahay in loo sheego.

Mar haddii aad reer kale yeelatay Amran qiiqeeda badda ha ku la dhacdo, ayuu Negeeye ku fekeray. Markii uu aroos baxay wuxuu qalqaaliyay Leyla in uu Burco u raro, iyadu se fikraddaas ma ay soo dhowayn, waayo xaaladda nabadgelyo ee gobolkaasi waa ay xumayd. Dhanka kalena mar haddii ay maalmahaa jaamacadda ka baxayso in ay Xamar shaqo ka raadsato ayay ku talo jirtay.

Markii ay Rooble iyo Qarad Yurub u dhoofeen ayay Leyli u soo wareegtay gurigii ay banneeyeen, waana ay la yaabtay isbeddelka ay ka dareentay. Aad buu ugala duwan yahay kii ay jeclayd ee ku barbaartay. Mas’uul laga ma aha ee iyada ayaa mas’uul ah. Aabbaheed qolka akhriska ma fadhiyo oo marka ay seexanayso inta ay sii dhunkato isaguna hurdo wanaagsan u rajayn maayo. Haddii ay saqda dhexe qufacdo hooyadeed u iman mayso oo madaxa u salaaxi mayso gogoshana u hagaajin mayso. Curad guridambays ah oo la koolkoolin jiray iyo nolosha maxaa ka la haysta!

Halkaas ayuu Negeeye bishiiba mar ama laba jeer ugu yimaaddaa, oo inta uu dhawr cisho la joogo dib isu cayntaariyaa. Laakiin xataa inta uu la joogo iyada kelinnimada iyo dareenka cidladu ka ma baxaan. Sow gurigeedii iyo guurkeedii ma aha maxay ugu farxi la dahay? Negeeye miyaanay jeclayn? Miyaa ay ku degdegtay? Riyadii quruxda badnayd ee ay guurka ka haysatay iyo hankii ay u haysay noqoshada marwo reer leh xaqiiqo ka duwan ayay maanta calaacasha ku haysaa.

Waa ay qirsan tahay dhawrkii bilood ee ay isqabeen in aanay Negeeye wanaag mooyee xumaan ka arag, waa haddii aanay waxba ka soo qaadin asxaabtiisa aanay jeclayn ee soo booqda, mararka qaarkoodna guriga ku la qayila, kuwaas oo uu Diiriye ugu horreeyo. Waa ay qirsan tahay in uu deeqsi u yahay, oo wax kasta oo ay jamato degdeg u soo hor dhigo, gurigana wax kasta oo ay jeclayd u dhigay.

Haddana meel ay garan wayday ayaa nafteeda bannaan. Waxaa jirta mar aad biyaha ku harraad beeli weydid.

Arooskoodii Negeeye Leyla wuxuu hadiyad u siiyay silis dahab ah oo ay aad u la dhacday, waxayna qirtay in aanay weligeed arag silis la qurux iyo qaayo ah, qoortana waa ay ka furi wayday. Deeqa oo firfircooni hagar la’aaneed hawlihii arooska ugala qayb gashay, dabadeed saaxiibbo isku dheer noqdeen, qudheedu siliskaa waa ay ka heshay oo dhawr jeer ayay ammaanaysatay. Joogto ayay isu booqdaan, filin iyo ruwaayad hadba ka ay gelayaan ayayna inta ay Raage weheshadaan isu raacaan.

Galab galbaha ka mid ah Leyla oo niyad wanaagsan, oo inta ay beddelatay qaraabo salaan in ay u baxdo isu diyaarisay, ayaa albaabka lagu garaacay. Waa Deeqa oo aan Deeqa ahayn. Farxad la’aan ayaa ka muuqata. Markii ay wada fadhiisteen Leyli saaxiibteed waxay ka filaysay in ay waabayda gubaysa iska soo tuujiso, laakiin Deeqi waxba iska ma ay soo tuujin. Leyla oo dulqaadan kari wayday ayaa dabadeed wayddiisay:

“Deeqa, bisinka iyo yaasiinkee maanta maxaa jira?” Runtii Deeqi intii aanay Leyla u iman aad ayay arrintan welwelka gelisay uga soo fekertay, waxayna soo goosatay in ay runta farta u saarto.

“Leyla, siliskani sidee buu kugu soo galay?” waxay tilmaantay siliskii oo Leyla qoorteeda ka lusha.

Su’aashu Leyla dhiillo ayay gelisay waxba se ka ma ay fahmin. “Awal miyaanan kuu sheegin? Sow anigii kuu sheegay in uu Negeeye ii keenay?”

“Xaggee buu kaaga keenay?” “Burco. Waan ogaa in aad ka heshay, waxaan se islahaa arooskeeda hadiyad uga dhig, laakiin imika ayaan ku siinayaa”, ayay tidhi oo bilawday in ay soo furto.

“Abbaayo, mahadsanid, laakiin arrintu sidaas ma aha, naagaha deriska ah ayaan nuxnuxdoodii ka joogi waayay. Waan hubaa in ay tahay been iyo balaayo ay abuureen…”

“Waa kuwee naagaha nuxnux lihi?”

“Kuwo deriska ah oo siliska inagu arkay.”

“Oo maxay ka hadlayaan?”

“Alle ha ina asturee waxay isla dhex wareegayaan gabadh siliskan lahaan jirtay oo baadiye ka timid in ay xaafadda joogto.”

“Deeqa, maxaad ku hadlaysaa? Waa ayo dadka aad sheegaysaa?” Deeqa maalintii ay warka maqashay naxdintii ku dhacday waxaa ka daran ta imika haysa.

“Aniga waxay i la tahay been iyo balaayo, laakiin waxaa la isla dhex marayaa gabadha in siliska laga soo furtay. Isagu ma wuxuu kugu yidhi waan soo gaday?”

Naxdin darteed Leyla koob shaah ah oo ay gacanta ku haysay ayaa ka dhici gaadhay. Iyadu ma aha dadka xanta xiiseeya, sheekooyinka xaafadda ee hebel iyo hebla ku saabsanna waqtiba u ma hesho oo waa danteed yaqaan. Ha yeesho ee war xumi dugsi ma fadhiisto, iyada oo aan dan ka lahayn ayuu had iyo jeer albaabka iyo daaqaddaba uga soo galaa.

“Deeqa, maxaad ku hadlaysaa? Sida aad wax u maqashay ii sheeg oo waa sidee?”

“Abbaayo, waa intaas uun waxaan anigu maqlay: gabadh reer baadiye ah oo cid deriska ah u timid ayaa xaafadda gelisay in uu Negeeye adeerkeed dilay iyadana siliskan ka furtay. Waan og ahay in aan war xun kuu keenay, laakiin in aan kaa qariyaa sow ka ma sii xumaateen?”

Leyli waxay moodday in ay riyoonayso, fikrado naxdin leh iyo sawirro foolxun ayaa maskaxdeeda weeraray, dhulka ayaa la wareegay, dhiigga ayaa shiilmay, neeftuna dirqi ayay kaga soo baxday, mar waa ay qabowday mar kalena gubatay. Garbosaar dhabta u saarnayd ayay dhidid iskaga masaxday.

“Naagta la sheegayo adigu ma aragtay?” “Haa, indhahayga ayaan saaray, indhaha Alle ka tuurta! Laakiin la ma aan hadlin, waxay i la noqotay horta in aan adiga ku arko. Waa dhoocil reer baadiye ah oo haddii ay rabto waa beenteed.”

Muddo dheer ayay Leyli far dhaqaaqda iska wayday oo eray ka soo bixi waayay. Fekerkeedii ugu horreeyay wuxuu ahaa sheekadu in ay tahay ceebayn iyo beenabuur. Sidii ay umaddu mucaarad iyo muxaafid isneceb ugu qaybsantay waa ay ogayd waxii tuute sitaba, siiba saraakiisha gobollada dagaalka sokeeye ka socdo ka shaqaysa, in la neceb yahay. Waxay malaysay ciilka dawladda iyo millateriga loo hayo in Negeeye lagu la dhacay, oo ay tahay fadeexad ay dadka xanaaqsani ka dambeeyaan.

Waa ay isku dayday in ay arrinta ka eegto weji kasta oo ay lahaan karto, laakiin ku ma ay guulaysan. Maba ay awoodin in ay fekerkeeda xagga xun u sii dayso. Waa ay waalan lahayd haddii ay sidaas wax u aragto. Marba ta ka dambaysa waxaa ku soo durkay sawirro baqdin leh. Sheyddaanka ayay iska naartay, oo talo ku goosatay bal horta habaarqabtada la sheegayo in ay aragto.

Iyada iyo Deeqi markiiba waxay u wada hawl galeen sidii ay gabadha oo keligeed ah u heli lahaayeen. Haddii ay meel dad kale joogaan ku la hadlaan waxay ka baqeen in ay fadeexaddu sii faafto. Marar badan ayay wada socod iyo kelikeliba sidii dad basaasiin ah gurigii ay joogtay agagaarkiisa ku noqnoqdeen, oo ay hareeraha ka qooraansadeen, bal in ay mar uun helaan iyada oo baxaysa ama gelaysa. Dhawr jeer ayay iyadu ka il horreysay oo wejiga ka dadabtay.

Cishooyin ka dib goor galab ah Leyla oo xaafadda bas kaga degtay ayaa si kediso ah u aragtay gabadhii oo waddada dhanka kale bas ku sugaysa. Eegmo kulul ayay indhaha isdhaafsadeen. Intii ay Leyli sii hubsanaysay ayay tii kale eegmada ku mudday qoorta Leyla oo aan markaa wax silis ahi ka muuqan, dabadeed degdeg uga jeesatay. Xaggii ay qoftu taagnayd ayay Leyli u tallowday.

“Nabad ma la sheegay?” ayay Leyli gabadhii ku bariidisay. “Waa nabad haddii lagaa helo.” “Hodan dhowaan miyi ka timid sow adiga ma aha?” “Maxaad uga baahan tahay Hodan dhowaan miyi ka timid?” “In aan ku la hadlo ayaan rabay ee ma kaa heli karaa?” Hodan waxay jeclaan lahayd in ay naagtan hor taagan ku aragto siliskeedii ay maalmo hore ku aragtay si ay ugu booddo oo wejiga uga diirato, timaha u jiiddo, ciidda ugu camcamiso, dabadeed uga furato. Laakiin imika wax ay samayso waa ay garan wayday, waxa ay Leyli doonayso in ay ka la hadashana waa ay fahmi wayday. Waxay malaysay in ay xantii gaadhay, taasina waxay ku abuurtay baqdin ay ka qabto in iyada iyo reerka ay la joogtaba xabsiga lagu guro.

“Maxaad igala hadlaysaa ee inaga dhexeeya?” “Leyla ayaa la i yidhaahdaa, waanan hubaa in aad i taqaan. Guriga keligay ayaa jooga, waxaanan jeclaan lahaa in aad ii raacdid, waad og tahay in ay jirto arrin muhiim ah oo ay tahay in aynu ka wada hadalno.”

“Ma jirto wax aan kaala hadlayaa.” “Waxaa laga yaabaa taasi qudhaada in ay dan kuu tahay. In meelahaa la iska necbaado waxaa ka habboon in waxa la isu qabo la isu sheegto. Wax aad iga tirsanaysaa haddii ay jiraan waan hubaa in aan kaa qancin karo ee i raac.”

Hodan sawirkii Negeeye ayaa mar kale hor yimid, in la dabayo ayay malaysay, hadalka Leylana denbi la’aan ayay ka yar dhadhansatay.

“Dan baan u socdaaye waxa aad haysid imika soo daa.” “Dad waaweyn baynu nahay, dariiquna ma aha meel lagu wada hadlo. Haddii aad wax iga tabanaysid adiga ayay ahayd in aad ii timaadid oo igala hadashid, haddii se aan anigu isxilqaamay ha igu diidin ee ina keen.”

“Ninkaagii sow ma joogo?”

“Maya, dhulkii uu ka shaqayn jiray ayuu ku maqan yahay, wax dhib ahna la kulmi maysid ee i raac.”

In kasta oo sidaas wax loogu sheegay haddana Hodan tegista gurigaasi wuxuu u la mid ahaa waraabe ay godkiisa ugu gashay. Sidaas oo ay tahay waa ay raacday.

Markii ay habaryarteed Xamar ugu timid waa ay ka xog la’ayd waxa uu qaddarku u sii qoondeeyay ee ah in ay magaalo ay boqollaal kun ku nool yihiin siliskeedii ku arki doonto. Guriga ay martida ku tahay iyo ka Leyla, in kasta oo ay isku xaafad yihiin, deris ma aha oo waddo ayaa ka la dhex marta, habarwadaagteed Caasha ayaa se noqotay buundo dhacdadaa yaabka leh u gudbisay. Caasha iyo Leyli in kasta oo aanay weligood isdhdexgelin haddana ilaa yaraantii dusha ayay iska yaqaanneen, qiyaastiina waa isku fil. Sida gabdhaha kale ee xaafadda waa ay ogayd Leyla in uu guursaday sarkaal lacag leh oo u dhigay aroos aan mid la mid ah la arag oo la maqal. Caashi waxay ka mid ahayd kuwii ugu horreeyay ee yidhi: ”Ma maqasheen tii buuryoqabka ahayd ee ina Gaalismood in ay askari guursatay? Dadka xumi isma waayaan!”

Isla beryahaas guurku dhacay waxaa kale oo la ogaaday sarkaalku in uu ka mid yahay kuwa gumaadka ka wada gobollada waqooyi ee dalka. Markii ay Hodan timid, ee balaayadii tuuladooda ku dhacday ka sheekaysay, waa ay magacawday sarkaalkii taa hoggaaminayay oo markaa ka dib caan noqday. Qunyar qunyar ayay dabadeed iyada iyo Caashi arrinta u sii qodqodeen ilaa ay xaqiijiyeen in uu yahay isla sarkaalka qaba Leyla Rooble.

Maalin dambe Caasha iyo Hodan oo Suuqa Bakaaraha ka adeeganaya ayay Caashi meel ka yar durugsan ka aragtay Leyla oo iyaduna adeeganaysa oo miis qudaar lagu gadayo ku foororta. Inta ay Hodan hoosta ka gujisay ayay ku tidhi:

“Ma aragtaa gabadhaa dheer ee diraca huruudka ah gashan?” “Haa.” “Waa Leyla Rooble, xaaskii Negeeye.” Hodan ciil ayay la kurbatay, Leyla oo weli iska baraad la ayayna sidii ay Negeeye ka dhex aragtay aad ugu fiirsatay. Inta ay dhaqaaqday oo ku dhowaatay ayay haddana iyada oo yaab la indhaho caddaynaysa soo noqotay.

“Caasha, ma rumaysanaysaa siliska ay gashan tahay waa kaygiiye?”

“Oo waad hubtaa?” “Waa tii aan hooyaday iyo aabbahayba waayaa!” Cabbaar ayay wax ay sameeyaan garan la’aayeen oo sidii laba sanam meesha iska taagnaayeen. Mar waxay damceen in ay Leyla la hadlaan oo runta u sheegaan, haddana waxay ka baqeen waxii tuulada ka dhacay wax la mid ah in ay qoyska u soo jiidaan. Mar waxay damceen haddii ay gar qaadan weydo in ay garaacaan oo siliska ka furtaan, haddana isla sababtii hore ayay uga hakadeen. Intii se aanay wax go’aan ah gaadhin ayay Leyli dadkii ku dhex luntay oo ay waayeen.

Taa markii ay reerka u sheegeen waxaa lagu heshiiyay arrinta in aan waqtigan la furfurin. Dhawr jeer oo kale ayay siliska Leyla iyo saaxiibteed ku arkeen, laakiin marna la ma ay hadlin. Af dumar isu ammaan ma aha ee markiiba xantii xaafadda ayay xushay. Dabadeed gabadh ay Deeqa xaafadda saaxiib ka yihiin ayaa iyadana soo gaadhsiisay.

Daaraddii ayay Leyli laba kursi soo dhigtay, markii ay Hodan fadhiisisayna gudaha cabbitaan ka doontay. Intii ay gudaha ku maqnayd Hodan waxay indhaha la raacraacday waxyaalihii daaradda ka muuqday ee dhar, weel iyo qalab kale ahaa oo ay malaysay in uu Negeeye soo dhacay, waxayna run ahaantii ka dhex eegeegtay wax ay tuuladeedii u aanayn karto. Tuuladeeda weel iyo dhar laga ma soo dhicin ee wuxuu iska ahaa dareen ku talogal la’aan ugu dhashay.

Leyli laba quraaradood oo faanto qabow ah ayay keentay, dabadeed gabadhii kursi ku soo hor fadhiisatay. Indho ka la baqaya oo si isu neceb ayaa la ka la warwareejiyay, erayo faaruq ahna meelo kale la isla soo maray. Laakiin hadal waa run ka ma rayste.

”Ilaa maalintii ay fadeexadda aad xaafadda ii gelisay i soo gaadhay murugo ayay ii ahayd. Maxaad ku keentay fadeexad intaa la’eg in aad naga fidisid? Haddii aad ninkayga neceb tahay, sida laga yaabo in aad dawladda oo dhan u neceb tahay, miyaad xaq u lee dahay qoys ahaan in aad na aflagaaddaysid?”

“Ma jirto fadeexad aan kaa fidiyay, laakiin ma waxaad doonaysaa in aad i xidho?”

Leyli waxay xasuusatay in uu jiro dhaqan waxshi ah oo ah qofba ka uu ka awood badan yahay in uu marka uu doono xidhi karo.

“Haddii aan doonayo in aan ku xidho gurigayga kugumaan martiqaadeen, ku lama na hadleen. Laakiin haddii ay caddaato in aad fadeexad aan jirin iga fidisay in aan ku dacweeyo iyo in aan ku xidhaba xaq baan u lee yahay.”

“Waa maxay fadeexadda aad sheegaysaa?” “Silis aad lahaan jirtay miyaad igu aragtay?” “Haa.” “Sidee baad ku ogaatay in uu kaagii yahay?” “Waan kugu arkay.”

“Muuqaalka sare ka sokow ma ii sheegi kartaa wax u gaar ah oo lagu garan karo?” wayddiintaasi in kasta oo ay ahayd mid meesha ku jirta haddana labadooduba waa ay dareemayeen in aanay macno badan lahayn, waayo caddaymaha ilaa hadda la isla hayo ayaa ka waaweyn. Ha ahaatee si aan madmadow ku jirin ayay Hodan u sifaysay.

“Sidee ayuu markaa kaaga baxay?” “Ninkaaga ayaa iga furtay.” “Ninkayga xaggee baad isku aragteen?” “Kalhore ayuu tuuladii aan degganaa isaga oo ciidan wata nagu qabsaday. Wuxuu dilay adeerkay Xaaji Nuur, waxii ay dadku haysteena wuu ka furtay.”

“Wuxuu dilay adeerkaa Xaaji Nuur waxii ay dadku haysteenna wuu ka furtay?”

“Indhahayga oo shan ah.” “Haye?” Hodan baqdintii ay Leyla ka qabtay imika waa ay yaraatay. Waxay hubsatay in aanay wax badan ka ogayn shaqada Negeeye. Waxay tallaabo tallaabo uga warrantay wax alla waxii uu Negeeye tuuladeeda ku la kacay iyo waxii la midka ahaa ee ay ka maqashay. Markii ay warbixintii dhammaysay ee aragtay in aan Leyla eray ka soo baxayn ayay iska kacday dhankii albaabkana u dhaqaaqday.

“Dhegayso gabadh yahay”, ayay Leyli Hodan oo sii baxaysa ka daba tuurtay, ”arrintan waan daba gelayaa, haddii aad dahabka yeelatidna aniga ayaa kuu keenaya, haddii kale dacwad iyo maxkamad isu diyaari. Fadeexadda aad wareejinaysidna jooji.”

Hodan waa ay baxday. Socdaal degdeg ah ayay Leyli isu tabaabulshaysay, saddex maalmood ka dibna waxay ku qornayd duullimaadka diyaaradda Burco.

***

Xerada ciidankiisa ayuu Negeeye joogay markii ay u timid farriin ah in ay xaaskii diyaarad soo saaran tahay. Markiiba Burco ayuu baabuur u la cararay. Diyaaraddii oo saddex saacadood soo daahday ayaa afartii galabnimo gegi habaas badan soo caga dhigatay. Siigadii ayaa cirka isku shareertay, ilaa diyaaraddii iyo waxii gegida u dhowaaba la arki waayay. Leyla oo aan shandad yar oo garabka u sudhan mooyee wax kale sidan ayaa sallaanka ka soo hoobatay. Si ayay u yar wareersanayd, arrinta ay darteed u soo dhooftay ee damqaysay ka sokow, waa markii koowaad ee ay diyaarad raacday, daqiiqaddii ay soo fuushay ilaa ay ka soo degtayna baqdin ayay u ahayd. Iyada oo mayd ka qabow ayuu isku duubay, laakiin iyadu waa ay iska maahsanayd, wuxuuna maleeyay in ay safarka ku soo daashay. Isaga oo aan wax badan wayddiin ayuu baabuurkii ku qaaday.

Markii ay magaalada dhex marayeen Leyla waxaa kediso ku noqotay sida ay waddooyinku faaruq u yihiin. In kasta oo ay ahayd afartii iyo dheeraad, haddana isheedu waa ay qaban wayday wax dad ah oo dhaafsiisan kooxo askar ah oo meelo ka la duwan tuban.

“Negeeye, magaalada dadkeedii mee?” “Guryahooda ayay ku jiraan”, ayuu si deggan ugu jawaabay. Isla markaas ayay xasuusatay arrin ay hore u maqashay. “Magaalada ma bandoo baa saaran?” ayay wayddiisay. “Haa. Saddexda galabnimo ilaa sagaalka subaxnimo.” Intii ay sii socdeen Negeeye wuxuu ka hadlayay warar uu islahaa Leyli waa ay xiisaynaysaa oo ku saabsan gobolka iyo magaalada. Iyada se maskaxdeedu waxay qaadan kari la’ayd magaalo intaa la’eg oo dadka lagu khasbay in ay guryaha ku jiraan sida maxaabbiista.

Burco waxaa saarnayd heeryadii dulmiga, waxaa ku foororay hubkii burburka, waxaana hoggaanka u hayay shakhsiyaad damiirka ka buka. Waxaa saarnayd bandoo.

Markaa bandoodu waxay ahayd saddexda galabnimo ilaa sagaal subaxnimo. Lixdaa saacadood ayaa dadka loo oggolaa in ay qorraxda arkaan. Dhaqdhaqaaqa gaadiidku isagu mar walba wuxuu ahaa dembi, baabuurtuna sidii daasado laga dan dhammaystay ayay waddooyinka u daadsanayd.

Bandooda lixda saacadood ahayd marar badan ayay isu rogtay afar iyo labaatan saacadood. Waxay ahayd markii uu qofka xanuunsadaa guriga ku dhiman jiray, haweenkuna guriga ku ummuli jireen. Galabtana waddooyinku waxay u qaawan yihiin sidii meel beri hore laga qaxay, waxay u eg tahay meel dadkeedii daacuun xaaqay, muuqa aadami ee la arki karaa waa millateri keliya oo ah bakteeriyada daacuunka keentay.

In bulsho dhan la jujuubi karo iyo in kale waxay ku xidhan tahay dhaqanka iyo hab fekerka bulshadaa. Ummadaha badankoodu wax ay soo mareen marxaladaha dhiigmiiradka, isku noolaanshaha iyo isaddoonsiga, taas oo ay sababeen beeralaynimada iyo dabadeed reer magaalnimadu. Taasi waxay bulshooyinkaa u soo layliday una soo nuglaysay ku hoos noolaanta talis kasta, xataa mid jujuub ah. Soomaalidu marxaladahaas oo dhan waa ay ka soo dul boodeen, waxbana u ma dhexayn madaxbannaanidii buuxday ee shakhsiga iyo tan cusub ee dawladnimada. Taasi waxay u diidday in ay raalli ka noqdaan nadaam dusha kaga yimid, gumaysi shisheeye iyo kelitalis sokeeye mid uu ahaadaba. Bulshada sidaas ah inta la cabbudhin karaa waa inta ay iska abaabulayso oo keliya, dabadeed waxay u gilgilataa si la eedo.

Talisku si uu dadka soomaalida ee sidaas ah taladiisa ugu sandulleeyo ayuu adeegsaday argagixin iyo arxandarro aan xad lahayn oo u dhigma waxii argagixiso iyo arxandarro ku jiray marxaladihii laga soo dul booday oo dhan. Bandoodu waxay ahayd amarkutaaglayn kelitalis caqliga ka buka oo meesha ugu ba’an gaadhay, iyo dadkii awoodda hayay oo ay ka dhinteen dareenka xilkasnimada iyo damqashada dadnimadu. Waxaa se hubaal ah qofka qof kale xorriyadda ka qaadayaa in uu yahay qof aan qudhiisu xor ahayn oo addoon u ah jahli, doqonimo ama nacayb, ama intaba.

Leyla wuxuu geeyay laba qol oo u kiraysnaa, marka uu magaalada joogana ku danaysan jiray. Isaga oo daalka iyo maahsanaanta ka muuqda ku maleeyay xanuun dumar iyo wallac, ayuu wayddiiyay bal in ay bukto. Waxay ugu jawaabtay:

“Bukaankayga iyo caafimaadkaygu ha inoo dambeeyeene horta aynu wada hadallo.”

“Haye.”

“Ii ballan qaad waxa aan ku wayddiiyo in aad daacad uga jawaabaysid.”

“Leyla, caadi ma tihid ee miyaad masayrsan tahay?” “Caadi ma ahi, mana masayrsani. Aad baan u neceb ahay beenta iyo laablaabka, maantana waxaan kuugu imid in aad ii caddaysid in aadan xaaraan ku noolayn, anigana doonayn in aad igu dhaqdo.”

“Judhiiba waan gartay maanta in aadan caadi ahayn. Naa bal sheyddaanka iska naar oo si deggan ii la hadal. Maxaa jira?”

“Laakiin ii ma aad ballan qaadin in aad daacad iigu jawaabaysid.” Negeeye madaxa ayuu salsalaaxay, dabadeed si xanaaq leh Leyla ugu soo jeestay.

“Naa daacad iyo nacnac lahaane, haddii aad soo waalatay annaga ha na waalin ee ka hadal waxa aad doonaysid in aad ka hadashid.”

“Xoolaha xaggee baad ka keentay?” “Xoolahee?” “Xoolaha aad guryaha ku dhisatay ee jeeb walba kaaga buuxa?” “Xoolaha xaggee baad ka keentay waa maxay? Sow ma shaqaysto? Miyaanan shaqaysan?”

“Mushaharkaagu waa imisa?” “Leyla, waa maxay sida aad wax ii wayddiinaysaa?” “Waan og ahay mushaharkaaga in aad guryo ka dhisatid iska daaye in aanu xataa nolol kuugu fillayn. Xaggee baad ka keentay markaa lacagta intaa tiro la’eg?”

“Ma imikaad ogaatay mushaharkayga in aanan guryo ka dhisan kareen? Maxaa kugu soo kordhay?”

“Hore kuu ma aan wayddiin laakiin imika ayaan ku wayddiinayaa?”

“Leyla, isdeji oo sheyddaanka iska naar. Ma jiro shaqaale ay mushaharadiisu ku filan tahay, xitaa madaxweynaha tiisu habeen iyo maalin ku ma fillaateen. Ma jiro qof mushahar ku nooli, ee waxaa jira nadaamyo kale oo ay dawladdu ugu talo gashay in ay shaqaaleheeda ku kabto: waxaa jira gunno, waxaa jira daryeel, waxaa jira xaq, waxaa jira kun farsamo oo lagu noolaado. Gaar ahaan saraakiisha si gaar ah ayay dawladdu u xannaanaysaa, haddii kale sow dhici mayso yaa difaacaya?”

“Iska illaw waxa uu maamulku si sharci ah iyo si aan sharci ahaynba idiin siiyo, laakiin ma jirtaa in aad idinku dadweynaha boobtaan oo furataan? Ma jirtaa shakhsi ahaan adigu falal noocaas ah in aad hoggaamisay?”

Negeeye imika si wanaagsan ayuu u fahmay ujeedadeeda. Shaki ku ma jiro in ay Xamar ku soo maqashay sheekooyin noocaas ah. Laakiin waa u miskiinnimo iyo weliba doqonnimo haddii ay sidaas wax uga fekerto, ayuu isyidhi. Ku ma uu degdegin jawaabta, sigaar iyo qaraf ayuu jeebka ka la soo baxay oo xabbad shitay, daymo dhaliil leh ayuu cabbaar eegay qosol quudhsi lehna muunsooday.

“Illayn miskiinnimada aabbahaa Rooble ka darrid! Anigu ma waxaan ahay madaxweyne? Dalka ma anigaa xukuma? Sidee bay u dhici kartaa in aan ku kaco fal aan u madax bannaan ahay? Sidee baad ugu fekertay in aan mas’uul ka noqon karo dhac dadweyne loo geystay?”

“Xagaagii hore ma dhacday in aad adiga oo ciidan wata tuulooyin gubtay, waxii hanti taallay boobtay, dadkana qofkii aad doontidba dishay?”

Negeeye si weyn ayuu u naxay. Laakiin si uu naxdintaa u qariyo wuu isxanaajiyay, jiman ayuu isku kiciyay, inta uu sare joogsaday ayuu daaqaddii Leyla ka soo horjeedday sigaarkii oo shidan ka tuuray, dabadeed inta uu daaqaddii ku soo tiirsaday oo gacmaha isdhaafsaday si xanaaq leh u soo eegay. Wuxuu garawsan waayay cid kaleba ha joogto ee in ay iyadu maxkamadayso, oo ay halgankii noloshiisa ee uu Ilaahay iyo aadamiba uga go’ay ku dhoobaysato.

“Waxaad u hadlaysaa sidii Raadiyow Kulmis”, ayuu yidhi sidii caadada u ahayd munaasabaddan oo kale. ”Waan rumaysan la’ahay qofka sidan ii la hadlaysaa in ay tahay xaaskaygii. Naa waxaasi waa hadaltiradii qudhmista. Marka aannu weerarkooda jebinno, ama god ay galeen ku gubno, ayay meelahaa la warwareegaan maato ayaa la laayay iyo nacnac. Midda kale, halkan waxa aan u joogaa waa dagaal ee ma aha diin barasho, waxaan u shaqaynayaana waa danteenna.”

“Oo danteennu ma waxay ku jirtaa dhiigga iyo dhaca umadda? Waxa aad ku doodaysaa sow ma aha wax ay xataa tuugtu ka xishoodaan?”

“Mar dambe aniga sidaas ha ii la hadlin! Ma fahamtay?” Imika Negeeye xanaaqu waa ka dhab, laakiin iyadu u ma ay joojin. “Dhegeyso Negeeye, xaggee baad ka keentay siliskii ay Allaahidu ku qornayd?”

Maddane cad ayaa caloosha ka maray. Maxay baas oo naagtu soo ogaatay.

“Siliskii ay Allaahidu ku qornayd? Sow Kuu ma aan sheegin, maxaad iga wayddiinaysaa?”

“Waxaad iigu hambalyaysay in aad dukaanka Burco ugu weyn iiga soo iibisay. Sow ma aha?”

“Haye? Ma ka ugu yar in uu ahaa baad soo ogaatay?” “Maya, waxaan soo ogaaday in aad gabadh yar oo reer miyi ah ka soo furatay.”

Negeeye Leyla oo kursiga soo kambadhuudha ayuu ku soo booday oo inta uu labada gacmood qabtay oo gilgilay indhahana indhaha ugu muday ku qayliyay:

“Mar dambe aniga sidaas ha ii la hadlin! Ma maqashay? Dulligii iyo gaajadii aan kaa saaray baa malaha ku la wanaagsane, eray dambe oo sidaas ah yaanan kaa maqlin!”

Intaa markii uu yidhi ee ay Leyli gacmihiisa iska dhufatay ayuu sii daayay, oo inta uu halkii uu awal taagnaa ku noqday isaga oo neeftuuraya si niyadxumo leh u soo eegay.

“Gabadhii siliska lahayd waan la kulmay”, ayay tidhi. “Ma jiraan gaajo iyo dulli ka weyn ta aan galabta dareemayo. Nolosha aan u baahan ahay, ee la igu koriyay, waa iliil nadiif ah oo ka soo qulqushay haro xalaal ah, ee ma aha tog huubo ah oo ka soo fatahmay haro xaaraan ah.”

Negeeye waa ay ku dhalaashay, wuu rumaysan kari waayay in ay Leyli la kulantay inantii siliska lahayd. Sidee ayay u la kulmi kartaa, ma Hawd bay tagtay? Mise gabadhii jaan baa Xamar tagtay? Maxaa kulmin kara ee ka dhexeeya? In uu wayddiiyo wuu jeclaa, laakiin maya, waxaasi suurtogal ah ma aha. Waa naag ay quruumo jin durbaan u tumeen, sidii tii hore ayay jiman la shaqaysataa, ayuu isku madaddaaliyay. Waqti intan ka badan oo uu arrinta kaga fekero in uu u baahan yahay ayuu dareemay, laakiin horta sidee buu Leyla imika isaga furfuraa?

“Naa qof la falay baad tahaye orod isfardaami.” “Xataa haddii ay arrintu si kale ahaan lahayd cudurdaar been ah ayaan damiirkayga ku sasabi lahaa, laakiin labadaada gacmood ayaad wax walba ku geysatay. Badanaa baahida aad lacag u qabtaa!” ayay ku tidhi cod maahsan oo la moodo in ay riyoonayso.

Cabbaar dhan ayaa la ka la aamusnaa, oo aan xataa la iseegin. “Noloshu sida aad moodaysid u ma fududa” ayuu mar dambe yidhi. ”Sidaas ayaa la isu wada cunayaa. Dadkani qofkii aan liqin iyaga ayaa liqaya. Waxaa caawa Burco dad ku nooli waa ciidan siyaabo ka la duwan u hubaysan. Waxaannu nahay laba col oo is’hor fadhiya, daqiiqad kasta ayayna xabbadu dhici kartaa.”

Intaasi waa intii uu janaraalka u taliya ka bartay. Wuxuu raaciyay: “Laba toddobaad oo keliya ayaa laga joogaa markii annaga oo kormeer ah aannu koox budhcada ah xadka isku dilnay. Waxaa da’ayay mahiigaan iyaga dan u ah, waayo dagaalkoodu waa dhuumaalaysi iyo argagixiso fuleynimo ah. Labadii baabuur ee aannu wadannay waa ay naga gubteen, ciidankiina waxii noolaa wuu ka la firxaday. Saddex askari ayaa roobkii ku dayoobay Jamhuuriyaddu dhan ay ka xigtana garan waayay, waxayna ka fursan waayeen in ay reer miyiga tilmaan wayddiistaan. Bal malee reer miyigaa xunxumi askartii walaalahood ahayd waxa ay ku sameeyeen? Halkii ay xadka u soo tilmaami lahaayeen waxay u tilmaameen ciidan xabashiyeed oo soohdinta dhanka kale ka fadhiyay. Saddexdii askari sidaas ayay xabashi dalqada uga galeen. Dadka noocaas ah ayaannu is’hor fadhinaa. Xabashida ayay naga jecel yihiin.”

“Waxaan maqli jiray: Digaagadda iyo ukunta tee soo horreysay? Dadku miyuu weligii sidaas ahaa? Miyuu weligii ciidankiisa ka xabashida ka jeclaa? Sow idinka ma aha iyo dhaqankiinna xun waxa beddelay? Waxa aad ku doodaysaa ma aha wax qof caqli lihi ku doodo.”

Weligii ma uu arag iyada oo sidan u xanaaqsan haddana u deggan. Wuxuu maleeyay in aanay waxbaba dan ka lahayn oo ay xataa furriin ku soo talogashay. Kursigii uu markii hore ka kacay ayuu ku soo noqday, oo inta uu hoos u foororsaday gacmihiisa eegeegay, oo cod intii hore ka miskiinsan ku yidhi:

“Laba qof oo isqabaa sidaas in ay u wada hadlaan ma aha. Waxaad ii la hadlaysaa sidii aynu ka la dan nahay. Soomaalida oo dhami waa ay ku riyoonaysaa derajo iyo shaqo tayda u dhiganta, adiguna waxaad igu tilmaamaysaa horor. Sidee buu reer inoogu dhisnaanayaa haddii aynaan iskaashan?”

“Ma dhaca iyo dhiigga dadkeenna ayaynu isu kaashannaa?”

“Waxaan ahay askari, haddii ay dhac tahay iyo haddii ay dhiig tahayba, shaqadaydu waa askarinnimo.”

Wejigiisa ayay si toos ah u eegtay, weji labeen xaqiran ku dhaashan, dabadeed ku tidhi:

“Taasi waxay burburinaysaa waxii aad ku doodaysay oo dhan. Waxaad qiraysaa waxa dhacaya oo dhan sababta ku gelisay in ay tahay fulinta doonis cid kale. Sow ma aha? Taasi waxay kaa dhigaysaa addoon. Miyaadan adigu lahaan karin doonis xor ah? Dunida qof waliba waa xor, shar iyo khayr waxa uu samaynayana wuu u madax bannaan yahay. Mas’uuliyaddaada shakhsiga ah cidina kaa ma qaadi karto haddii aadan adigu iska qaadin.”

“Ma shaqada ka tag baad i lee dahay?” “Haa, haddii ay taladaydu macno kuu lee dahay.” “Waxaasi caqligal ma aha.” “Haddaba soo beddelo oo Xamar nala soo deg, ama koonfurta kale ee nabadda ah.”

“Xamar iyo koonfur? Xamar iyo koonfur maxaa iga soo gelaya, miyaan ka dawarsanayaa?”

“In aad dadka dhacdid iyo in aad dawarsatid mooyee si kale haddii aadan ku noolaan karayn maxaad shaqadaada ugu xilanaysaa?”

“Sida dalka looga nool yahay iyo dadka i la shaqada ahi waxa ay ku nool yihiin ayaan ku nool ahay. Waxaad doonaysaa in aan sida odayga ku dhalay wax baa xaaraan ah iyo wax baa xalaal ah if iyo aakhiraba ku seego.”

“Waa adiga ka if iyo aakhiraba seegaye sidan kugu la noolaan maayee warqaddayda halkaa ii dhig, ka dibna waxa aad doontid samee.”

Negeeye inta uu si argaggax leh Leyla ugu soo booday ayuu wejiga dhirbaaxo kulul kaga soo gooyay, kursigii ay ku fadhiday ayayna dib ugu dhacday.

“Eray dambe oo noocaas ah afkaaga yaanan ka maqlin, ciyaal suuqad yahay ciyaal suuqaddu dhashay!”

Aad ayay u xanaaqsanayd, sidaas darteed xanuunkii dhirbaaxda la ma ay ooyin ee inta ay degdeg u soo kacday ayay Negeeye wejiga ka xagxagatay iyada oo leh:

“Ha caayin hooyaday, ciyaalsuuq iyo tuugba adiga ayaa ahe.” Inta uu gacmaha qabtay oo soofaha ku tuuray ayuu dhirbaaxooyin kale isaga daba geeyay. Dabadeed inta uu dusha ka fuulay isku dayay in uu khasab dharka kaga bixiyo, isaga oo ku duryamaya:

“Naa bixi dharka! Markii aan fillo cad oo cammiran kaaga tegay waa abaalkay in aad caawa i fur iyo nacnac ii la timaaddee.”

Awooddeeda oo dhan ayay isugu geysay in ay iska difaacdo. Isaguna awal wuu dhirbaaxayay ee imika feedh darandoorri ah ayuu isu raaciyay. Ugu dambayn isaga oo xiiqsan, dhididkuna ka da’ayo, faryarada gacanta midig oo ay wax ka gaadheenna xanuun la ruxaya, ayuu iyada oo aan isdhaqaajin karin oo afka dhiig ka da’ayo wejiguna markiiba wada bararay oo soofaha daadsan, gurigii kaga baxay.

Isma ay ogayn si ay wax ka yihiin iyo meel ay joogto. Wareerka iyo xanuunku waxay maskaxda ku soo celiyeen guuxii ay necbayd ee diyaaradda, waxayna moodday in ay iyadii la soo dhacday. Cabbaar ka dib ayay isqaadday, iyada oo aan meel ay aaddo aqoon ayay baxday. Debeddu waa mugdi, gudcur magangooye aan ilays jirin dayaxuna maqan yahay. Qabow ba’an ayaa isaguna jira. Waa magaalo weyn haddana waa kayn bahalgaleen ah. Dulmiga ayaa ah bahal mugdi ku nool. Albaab ayay garaacday, cidi se ka ma ay furin. Mid kale iyo dhawr ku xigay ayay gargaraacday, laakiin furisi ha joogtee nololba ku ma ay malayn. Yaa waqtigan oo kale Burco irrid iska fura? Ma cid aan askari dil, afduub, dhac iyo kufsi u socda ahayn baa habeen socota ama albaab garaacda?

Markii ay waddada soo gaadhay waxay aragtay dab meel ka baxaya dhawr qofna ka ag muuqdaan. Garatay in ay yihiin askar hubaysan, laakiin ka ma ay leexan ee waa ay ku soo socotay. Iyaguna waa ay u qaadan waayeen qofta goortan iyaga soo abbaartay. Leyla war la’aan baa haysa ee ma askar hubaysan oo saqdhexe Burco dhex taagan baa cagahaaga lagu doontaa? Adiga oo sii ordaya in ay xabbad dhabarka kaaga dhuftaan ayaa caadi ah, sidaas ayaana dhaanta in ay gacan kugu dhigaan.

Waxay gaadheen in ay haweenka dharka ka furtaan: googarad, dirac, fooddad, masar iyo wax la mid ah. Oo maxay ku falayaan dhar duug ah oo ay miskiinad ka furteen? Waxaa la isma wayddiiyo. Haddii ay doonaan Xamar ayay u dhoofinayaan.

Askartu haddii ay dadka waddooyinka ka ugaadhsan jireen, guryahana ka la soo bixi jireen, qofkan daadduunka ah ee iskeed ugu timid waxay la mid ahayd laxdii indhaha la’ayd ee iyada oo wehel raadinaysa waraabaha eryatay. Waxay u sheegtay in la dhibaateeyay, magaaladana qariib ku tahay, sidaas aawadeed u baahan tahay in ay axsaan u sameeyaan oo geeyaan meel ay seexato. Kii la hadlayay, in kasta oo uu arkay dhaawaca qofta ka muuqda, haddana ma wayddiin cidda waxyeellaysay. Sidii ay taa uga filaysay ayuu boorsadii ka la booday, isaga oo furayana wayddiiyay:

“Meeqaad lacag sidataa?” Isla markaas ayuu xidhmo lacag ah boorsada ka soo saaray, oo markiiba tirinteeda ku mashquulay. Waxay ku tidhi:

“Intaas ayaan haystaa ee wax aan Xamar baabuur ugu raaco uun ii reeb, laakiin aad baan u xanuunsanayaa ee meel aan jiifsado i gee.”

“Soo bax”, ayuu ku yidhi isaga oo qorigii garabka gashaday lacagtiina weli mugdiga ku tirinaya.

Wax yar ayuu lugaysiiyay, ka dib albaab garaacay, inan dhawr iyo toban jir ah ayaana ka furay:

“Waryaa yarow, gabadhan ma u jeeddaa, waa la xoogay, lacagna ma haysato, markaa qol ay caawa jiifato albeerkada ka sii, yaa.”

Yarku xoogista kufsi u ma fahmin ee wuxuu mooday in uu lee yahay waa la dhacay, wuuna arkaa lacagta uu askarigu gacanta ku haysto. Sidaas darteed wuxuu wayddiiyay:

“Oo yaa xoogay?” Askarigu isaguba in la kufsaday wuu maleeyay uune iyada ma wayddiin, in ay wax ka galeenba ma dareensana. Laakiin intii uu iyada wayddiin lahaa ayuu inankii canaantay:

“Shaqadaada ma ahee meel ay cawada jiifato lee sii adiga.” “Kiradana yaa bixinaya?” ayuu yarkii wayddiiyay isaga oo xasuusan dabeecadda boobka iyo iimaan la’aanta ah ee ay askartu magaalada ku hayso.

“Dhegeyso yarow, qoftani waa qof jirran, lacagna ma haysato, ee meel ay jiifato sii. Waa amar. Ma kastay?”

Yarku wuxuu mooday askariga qudhiisu gabadha in uu soo dilay soona dhacay denbigana doonayo in uu isaga dusha ka saaro. Isla markaa wuxuu ka xumaaday qof aan lacag bixin in lagu khasbo in uu albeerkada seexiyo. Laakiin qoriga ayaa taliya, waxba ma samayn karo. Isaga oo ciil la liita ayuu dhawr fure oo meel ka laallaaday gabadhii mid u soo taagay.

Askarigii bixid ayuu u holladay, dabadeed Leyla ayaa ka daba tidhi:

“Haddii aad lacagtii albeerkada igala tagtay tii aan berri ku dhoofi lahaana miyaad illawday?”

Maya ee muu illaawin, garaad xumadiisa mar haddii uu tuute iyo qori sito lacagta Burco taal oo dhan in uu isagu lee yahay ayaa u qoondaysan.

“Siisawyadu gabdhaha bilaash ayay ku qaadaane isdebber nooh. Hadday ku dhibaanna aniga i la soo xiriir. Meesha la iga helo waad taqaan.”

Leyli iyada oo ka la garan la dunidan ay caawa joogtaa in ay tahay tii ay taqaannay iyo mid kale, oo murugo, xanuun iyo yaab isu kaashadeen, ayay cabbaar sii taagnayd. Yarkii oo mooday in ay illawday in uu furihii qolka ay seexan lahayd siiyay ayaa isku dayay in uu xasuusiyo:

“Maxaad la taagan tahay? Qolka lambarkiisu furaha aan ku siiyay ayuu ku qoran yahay.”

Leyli waa ay ooyday, markii ay damacday in ay illinta iska masaxdana wejigii oo dhan ayaa wada damqaday.

“Abboowe, askarigii ii kaa keenay iska illaw, anigaba waxaan haystay oo dhan ayuu iga dhacaye. Laakiin adigu axsaan ii samee oo caawa meel aan seexdo i sii. Lacagtana maalinta aan Xamar cagaha dhigo ayaan kuu soo dirayaa.”

Yarka waxaa ku jira shaki ah in ay iyada iyo askarigu u soo heshiiyeen. Laakiin hadalkeedu wuxuu u noqday fursad uu warbixin dheeraad ah kaga heli karo.

“Ma isaga ayaa ku dilay?” Cabbaar ayay ooyday, dabadeed mar dambe tidhi: “Isaga ama mid kale, miya ay macno samaynaysaa?” “Haddaa muxuu halkan ku seexinayaa? Maxaa idinka dhexeeya?” “Waxba nagama dhexeeyaan ee aniga ayaa ka baryay in uu meel aan seexdo i geeyo.”

“Sow isagu ku ma dilin?” “Maya ee mid kale.” Jawaabahaasi yarka fahamkiisa wax badan ma ay tarin, wuxuu se gartay in ay tahay qof ay ayaandarro ku dhacday.

“Waxba lacag ha ii soo dirin ee qolkaa caawa seexo, aroortana nabad gelyo.”

“Maya ee abboowe, waan kuu soo dirayaa. Askari xun oo ina wada necebi ma aha in uu iskeen nacsiiyo.”

Iyada oo ooyaysa ayay qubays gashay. Biyaha ay ku qubaysatay weligeed kuwo la qabow ah ku ma ay qubaysan. Iyada oo qarqaraysa ayay bustaha hoosta ka gashay. Badanaa ragga ayaa albeerkooyinka seexda, waana ay og tahay, laakiin dan ka ma leh. Hurdo la sheegi karo ma ay seexan, dhawr jeer oo ay gama’dayna mar walba iyada oo qaylinaysa ayay seleshay.

Subaxdii markii waagu beryay ee ay muraayadda isku eegtay wejigeeda waa ay garan wayday. Aad ayuu u beddelnaa, gaar ahaan isha bidix dhiig ayay ka casaatay, barar ayaana qariyay. Labada dibnood waa ay barareen oo luun madow ayaa isku lingaxay. Garbasaartii ayay madaxa iyo wejiga oo dhan ku duubtay oo safar u ambobaxday.

Markii ay soodhoweynta albeerkada damacday in ay furaha dhigto waxaa joogay yar aan kii xalay ahayn iyo nin weyn.

“Waa la ii sheegay adiga oo dhibaataysan xalay in aad goor dambe meesha timid ee maad dhakhtar u tagtid, oo kollay cidina wax kaaga qaban mayso ee dadkii sidaas kuu galay ashkataysid?”

Waa ay ooyday, laakiin waxay ku guulaysatay in ay odayga u jawaabto oo tidhaahdo:

“Adeer, dhakhtar iyo dacwad toonna haleeli maayee waad mahadsan tihiin. Ii tilmaama uun halka ay baabuurta Xamar tagtaa ka baxdo.”

“Ma kii halkan kugu soo tuuray baa ku waxyeelleeyay?” “Isaga iyo wax la mid ah.” “Dulli iyo wax xun oo dhan Alle idin bad! Waxaan se ku wayddiiyay, magaalada haddii aad qariib ku tahay meeye dadkii aad u timid?”

“Adeer waa kuwa sidaas ii galay.” Odaygu labadaa arrimood wuu iswaafajin kari waayay, wuu se ka xishooday in uu sii qodqodo.

“Haddaa adiga ayaan awalba dad khayr leh u iman. Maxaa waraabayaal ku cunaya wax kuugu daray? Gabadh baad tahaye naftaada dayaca waa laga ilaaliyaa. Nooli ma haysatid, sow ma aha?” “Baabuurta ayaan mid ka baryi doonaa in uu i qaado oo aan xaggaa ka siiyo ee ii tilmaan halka Xamar looga baxo.”

Odaygii qaddar lacag ah ayuu jeebka ka soo bixiyay. “Bal hoo intan nooli ka sii dhigo oo mar uun meel nabad ah tag, dalkan meel nabad ahba anigu garan maayee. Waar Ducaalow, orod inanta istaanka Xamar gee!”

“Adeer aad baad u mahadsan tihiin! Waxaan ballan qaadayaa maalinta aan Xamar tago cidda ugu horraysa ee aammin ah in aan idiinku soo dhiibo.”

“Wax macno leh ma aha ee waxba ha isku caddibin ee bal lafahaaga uun meel gee.”

Leyli markii ay Xamar ku soo noqotay in kasta oo ay nafta iyo jidhkaba ka damqanaysay haddana markiiba iyada oo siliskii habaarka qabay sidda ayay gurigii Hodan tagtay.

“Waxaan rabaa in aan Hodan la kulmo”, ayay ku tidhi islaan daaradda tusbax dheer ku werdiyaysa.

“Ma joogto, eeddo.” “Goorma ayaan heli karaa?” “Eeddo, awalba waa ay na soo yar gaadhay dhulkeedii ayayna ku noqotay.”

Leyli waxay malaysay duqdu in ay Hodan ka qarinayso, wax ay se wayddiisay:

“Oo ma soo noqonaysaa?” “Maya, soo noqon mayso.” “Haddaba waxaan jeclaan lahaa in aad ii sheegtid qof aammin ah oo aan farriin muhiim ah ugu dhiibo.”

“Eeddo, habaryarteed baan ahay, waxii aad ii fartana cidda ugu horraysa ee tegaysa ayaan u sii fari, haddii Rabbi nafta iigu simo”, ayay tidhi islaantii iyada oo qabta baqdin ay bilawgiiba imaatinka Leyla ka qaadday.

In kasta oo aanay islaantu gabadha siliska dhaca ah lagu sheegay ee gacankudhiiglaha u dhaxday weli arag, haddana waa ay malaysay in ay iyadii tahay. Sidii ay Hodan u la kulantay reerka oo dhami waxay qabeen dhiillo ah in xabsiga laga buuxiyo.

Leyli boorsadii gacanta ayay furtay siliskii habaarka qabayna ka soo saartay, oo inta ay islaantii calaacasha ugu shubtay u raacisay:

“Waxaan kaa codsanayaa meel ay joogtaba alaabtaa in aad iga gaadhsiisid. Qof weyn baad tahay oo waan hubaa in aad yeeli doontid.”

“Haye eeddo, sida ugu dhakhso badan baan u gaadhsiin doonaa haddii uu Ilaaha awoodda lihi ii oggolaado.”

Habartii yaab ayaa baqdintii ugu darsamay. Waxay ka shakiday Leyli in ay dagayso, in ay dabayso oo ujeeddo qarsoon arrinta ka lee dahay. Silisku in uu kii ay Hodan ka sheekaysay yahay garatay, laakiin sababta ay ugu keentay ma ay garan.

Leyla malaheedu wuxuu u batay Hodan in ay Xamar joogto oo laga qarinayo. Sidii ayay noqotay oo dhawr cisho ka dib waxay aragtay tii oo siliskii xidhan. La ma ay hadlin. Waxay doonaysay iyada iyo Negeeye in ay xasuusteeda ka masaxdo, inta ay ka masixi karto. Markii ay Leyli iyada oo dhaawacan Burco ka soo noqotay, kana warrantay sidii ay wax u dhaceen, markiiba iyada iyo Raage waxay isu raaceen saldhigga bilayska Negeeye ayayna dacwad ka gudbiyeen. Halkaas waxaa loogu sheegay ninka ay dacweynayaan mar haddii uu yahay sarkaal xoogga ah in aan bilaysku shaqo ku lahayn ee ay u gudbiyaan Taliska Xoogga.

Waa ay garanayeen hadalkaasi in aanu dhab ahayn ee iyaga ogaan loogu majare habaabinayo. Dacwad waxaa Xoogga loo gudbiyaa oo keliya haddii ay labada qof ee wax dhex mareen labaduba Xoogga ka tirsan yihiin. Ha yeeshee sidii ayay yeeleen. Halkaas kalena waxay ka la kulmeen: “Meesha wax kale ma yaallaan ee haddii aad rabtid in aad ninkaaga iska furtid maxkamadda madaniga ah la aad.”

Isla markiiba Leyli maxkamadda ayay furriin ka codsatay, laakiin sidii ay moodaysay arrintu u ma ay fudadayn. Waa in ay sarkaal Negeeye ka derajo sarreeya oo u xoog sheegta heshaa. Waxay xaqiiqsatay furriinkeeda in ay ka la kulmi doonto hawl aan yarayn, waxayna la yaabtay sahalkii ay Negeeye ku guursatay iyo dhibaatada ay durba ka la kulantay.

9

Raage labadii qol ee cusbaa ayuu si kharash yar ugu aqalgalay. Aroosku wuxuu ahaa isla maalmihii ay Leyli dhaawaca la soo noqotay. Waxay aad u jeclayd in ay arooska ina adeerkeed minxiisad ka noqoto, sidii ay iyaga oo yaryar ku ballameen, laakiin weli wejiga waa ay ka dhaawacnayd, waxayna isu xilsaartay hawlaha kale in ay wax ka maamusho. Gurigeedii, ama gurigii Negeeye, sidii ay uga soo alaab qaadatay dib u ma ay ag marin oo waxay joogtay guriga Raage. Markiiba Raage qol kale oo aan guriga ka fogayn ayuu labaataneeyo kursi iyo dhawr miis oo duug ah dhigtay duruus afka ingiriisida ahna ka bilaabay. Markiiba waxaa ku soo qulqushay arday tiisii hore u badan.

Negeeye isagu toddobaad keliya ayuu Leyla ka dambeeyay oo wuu ka daba yimid. Wax alla waxii dhacay denbiga iyada ayuu saarayaa. Naag waalan oo buugaag jinni ku mashquulsan, oo reer dhaqasho iska daa ee aan malaha diyaarba u ahayn in ay ubad u dhasho, in ay tahay ayuu ku xukumay. In ay carruur badan u dhasho, siiba wiilal, ayaa ahayd dantii uu awalba u guursaday. Isaga iyo aabbihiiba waxay ahaayeen madi, Kaliil isaguna weli waa madi, waana arrin aanu Negeeye sinaba u jeclayn. Maanta Xamar wuxuu ugu socdaa in uu xaalkeeda meel ku soo hubsado.

Isaga oo Laankuruusar ciidanku lee yahay wata ayuu barqadii uu Burco ka soo baxay makhribkeedii Gaalkacyo soo gaadhay. Albeerko ayuu ku degay si uu caawa magaalada ugu dhaxo oo yaryarkii u sii arko. Markii uu qubaystay ayuu aaday gurigii ay Amran iyo ilmuhu degganaayeen.

Kaliil waa shan iyo toban jir, fasalka afraad ee dugsiga dhexe ayuuna dhigtaa. Laf iyo dherer ayuu yeeshay, waana nin aamus badan oo had iyo jeer la moodo in uu dudayo, oo ah nooca ay reer banaadirku u yaqaannaan qabiid. Dadka ma maago, laakiin qofka ay wax dhex maraan sahal ku ma ka la baxaan. Hooyadii mooyee ma jirto cid uu maqlaa, gabdhaha ay walaalaha yihiinna waa ay ka baqaan oo eray ku ma soo celiyaan. Waxbarashada wuu ka adag yahay, wuuna dadaal badan yahay. Isaga ayaa isdira, waana dabeecad ay hooyadii ku jeceshahay. Sababta ugu weyn ee dadaalkiisu waa isaga oo neceb in ay dadku hoos u eegaan. Taasi in ay abuurtiisa tahay ka sokow talada keliya ee uu weligii Negeeye ka helay ayaa ahayd: “Weligaa nin qayrkaa ahi yuu hoos kuu eegin.”

Idil iyaduna waa saddex iyo toban jir, dadkuna waxay wada yidhaahdaa “waa Amran oo halkaa taagan”. Dabeecaddeedu ta Kaliil ayay lid ku tahay. Gabdhaha ay isku da’da yihiin ee dugsiga mid aanay saaxiib la ahayni waa dhif. Qallafsanaanta Kaliil darteed asxaabta badanaa guriga ma keento ee guryahooda ayay u raacdaa. Fanka ayay aad u jeceshahay, heesaha ay maqashana inta badan waa ay xafiddaa kuna heestaa. Hooyadeed iyo dadka oo dhan waxay u sheegtay in ay heesaa noqon doonto. Luuqda waxay kaga dayataa Maryan Mursal oo ay aad u jeceshahay.

Kaliil waxay kaga duwan tahay, iyadu aabbaheed oo aanay inta badan isarag haddana waa ay jeceshahay, muddadiibana mar ayay warqad u dirtaa. Laakiin badanaa jawaab ka ma hesho. Negeeye warqad qorista aad ayuu ugu liitaa, dadaalxumana waa ay u dheer tahay.

Ubax iyadu waa bukaan, dugsigana ma dhigato. Marmar ay malcaamadda tagto mooyee inta kale hooyadeed ayay guriga la joogtaa. Walaasheed Idil ee ay guga keliya ka yar tahay waxaa la moodaa in ay saddex sano ka yar tahay. Waa oondiid weyd ah, qof aad ugu sii fiirsada ayuun baa malayn kara iyada iyo Idil in ay walaalo yihiin.

Negeeye wuxuu rumaysan yahay cudurka Ubax haya, oo aanay dhakhaatiirtu wax ku sheegin, in ay ka qaadday qiiqii ay Amran habeen iyo maalin shidi jirtay berigii uu isagu dagaalka Soomaali- galbeed ku maqnaa ee ay Ubax dhalatay. Amran iyadu waxay rumaysan tahay arrin rooxaan ku lug leh in ay tahay, muddadiibana mar ayay hawlo noocaas ah ku la daashaa. Kurdado cascas, kuulo ka la jaad ah iyo cadar furcas ah ayay guriga ugu soo toomisay.

Amran berigii hore Negeeye waxay wayddiisan jirtay in uu iyada iyo carruurta Gaalkacyo guri uga iibiyo, laakiin ma uu yeelin waayo wuxuu doonayay in uu ku cadaadiyo in ay Xamar u guurto. Sidii hore iyo ka daran ayuu gurigeedu u yahay gole quruumo dahsoon lagu la xaajaysto. Dhowaan ayay ogaatay in uu ina abtidii guursaday, sababtaas ayay caawa ugu kacsan tahay. In aanay araggiisa rabin ee uu guriga uga baxo ayay hadal uga bilawday, saaqid aan ubadkiisa ka war hayn in uu yahay ayayna ugu xijisay. Awalba isma ay qabin ee masayrka ayaa sidaas iska ah. Isagu xanaaqeeda waxba ka ma soo qaadin ee wuu maslaxay. Waxa ay doonto ha ahaatee carruurta ay ka hayso abaal buu ugu hayaa. Inta ay ku soo ag daadiso haddii ay kaga dhaqaaqdo xaggee buu geyn lahaa?

Markii uu dejiyay ee ay iswaraysteen waxay sheegtay in ay ku talo jirto arrintii uu hore ugu kari waayay ee ahayd in ay Xamar u guurto. Shaki ku ma jiro in ay rabto guryaha Xamar in ay Leyla ku la tartanto, ayuu markiiba maleeyay. Taladaa wuu soo dhoweeyay, wuxuuna u sheegay:

“Gurigii hore waxaa deggan Leyla, idinkuna ka cusub dega.”

“Ka cusubi waa kee, ma ka Madiina iyo meel dunidaba ka fog lagu sheegay? Kaa degi maayo ee kii hore ayaan anigu degayaa.”

“Kaa Leyla ayaa jecel waayo waa ay ku barbaartay, ee ka kale ayaa cusub kana weyn ee idinku dega.”

“Xaafad sidaas u fog carruurta ma geyn karo ee iyada ayaan carruur hayn ee ha degto.”

Canaadnimada Amran wuu la yaabay, wuu se xasuusnaa xaalku isaga iyo Leyla in uu meel xun ka marayo. Sidaas darteed bal horta in uu Xamar ka soo noqdo ayuu ku qanciyay.

Habeenkaa markii uu reerka ka tegay albeerkadii uu ku degay ma tegin ee wuxuu ku leexday gurigii caanka ahaa ee ay beri hore u la baxeen Seybeeriya, wuxuuna ku la kulmay qaar ka mid ah dadkii hore iyo kuwo cusub. Halkaas ayuu ku qaatay habeen dheer kuna waaberiistay. Isaga oo aan hurdo laba indhood isgelin ayuu baabuurkii Xamar afka u saaray. Wuu lulaysnaa oo marba indhaha isku qabsanayay wuxuu se doonayay isla maanta in uu Xamar galo.

Markii uu Dhuusa-Marreeb labaatan kiiloomitir dhaafay ayuu baabuurkii waddada ka la baxay oo xagga kale iska la rogay. Wuu nasiib badnaa waayo in yar ka dib baabuur kale ayaa isu taagay, isaga oo gacanta midig oo laba meelood ka jabtay barkan, dhaawacyo kale oo khafiif ahna qaba, oo miyir la, ayaa laga soo saaray.

Isbitaalka Beledweyn ayaa la dhigay. Markii la kabayna ma hakan ee isaga oo ay gacantu duuban tahay ayuu Xamar soo galay. Gurigii oo haawanaya ayuu isku qaaday, markii uu Leyla ka waayayna inta uu gurigii Raage tilmaansaday isku sii daayay. Isaga oo aan albaabka garaacin ayuu si xanaaq leh dalaq u soo yidhi. Raage, Deeqa, Leyla iyo laba nin oo marti ah oo daaradda casariye ku wada cabbaya ayuu sidii qof la baacsanayo ka soo dul dhacay.

“Waar yaa Qaawane, meeday naagtaydii? Ma adiga ayaa qaba mise aniga, maxaad halkan ugu haysataa?”

Kooxdii meesha fadhiday midkoodna shaki ka ma gelin Negeeye in uu sakhraansan yahay.

“Dhegeyso Negeeye, waxyaalo badan oo ay tahay in aynu ka wada hadalno ayaa jira, laakiin imika marti baa ii joogta ee ina ka la kaxee, mar kalena ha inoo ahaato.”

“U malayn maayo wax aynu ka wada hadallaa in ay jiraan”, ayuu yidhi Negeeye, oo Leyla oo dadka xaggiisa ugu soo xigtay ku jeestay. ”Leyla, halkan fadhigeeda waa laguu dhaamaa ee soo kac oo kaalay reerkaaga dhaqo.”

Leyla ciil ayay jiq la noqotay, sidii qofka uu la hadlayaa aanay iyada ahayn ayayna isu dhegoolaysay.

“Leyla wax dambe idinkama dhexeeyaan, waayo waad og tahay waxa aad u geysatay, gurigana iiga bax oo mar dambe yaanan kugu arkin”, ayuu yidhi Raage.

Negeeye Leyla ayuu ku foororsaday oo gacantii u bed qabtay cududda kaga soo qabtay si uu u kiciyo isaga oo leh: “Ninkan nacnacdiisa u ma baahniye soo kac!” Leyla mar keliya ayay sida bamka u qaraxday, oo inta ay iyada oo qaylinaysa istaagtay Negeeye wejiga ka diiratay.

“I sii daa! I sii daa! Tuug yahow dhiigcabka ahi, i sii daa!” Negeeye ma sii dayn ee xoog ayuu u sii qabtay xaggii albaabkana u jiiday. Dabadeed Raage ayaa isa soo taagay isaga oo leh:

“Waar sii daa gabadha oo iiga bax guriga, dameer yahow dameerku dhalay!”

Negeeye inta uu Leyla sii daayay ayuu bastooladdii guntiga ugu jirtay la soo baxay oo Raage wejiga kaga qabtay uguna hanjabay:

“Wallaahi haddii aadan arrimaha qoyskayga ka bixin inta xabbadood ee ku jirta in aanan mid kaaga reebayn! Inan gumeed yahow inan gumeedku dhalay!”

“Igu dhufo, laakiin ha ku talo gelin adiguna in aad iga dambayso”, ayuu yidhi Raage isaga oo aan run ahaantii waxa uu taa uga dan lahaa fahamsanayn.

“Inta aan kugu dhufto ayaan weliba laba cali iskaa wayddiinayn haddii aadan…”

Isaga oo daldalmaya, eegmadana Raage ku la maqan, ayay Leyli gacantii uu bastooladda ku hayay labadeeda gacmood isugu geysay oo ku gilgishay, qaniinyana u raacisay, ilaa ay bastooladdii dhulka uga dhacday. Markiiba Raage ayaa la booday oo Negeeye qudhiisa wejiga kaga qabtay.

“Wallaahi adiga ayaanan xabbad kaaga reebayn haddii aadan degdeg guriga uga bixin! Inan gumeed yahow inan gumeedku dhalay!”

Wuu hakaday oo eegmo aad u kulul Raage indhaha ku gubay, dabadeed sidii ilmo yar ku sasabay:

“Keen bastooladda, Raage. Waa hub dawladeede inta aanay dhibaato kuu soo jiidin iska keen.”

“Orod dawladda aad sheegaysid u dacwood ha iiga kaa qaaddee, haddii kale soo soco.”

Negeeye cabbaar kale ayuu Raage eegmada ku sii gubay, dabadeed debedda u dhaqaaqay isaga oo sii leh:

“Waa yahay. Wa yahay. Yaan geesinnimadaas lagaa waayin.”

Markii uu Negeeye in yar sii maqnaa koox bilays ah ayaa gurigii hareeraysay, laakiin Raage wuu maqnaa. Markiiba saldhigga bilayska ayuu aaday si uu bastooladda u geeyo isla markaas Negeeye oo uu hubay in uu soo dacweynayo kaga horreeyo.

Raage oo weli saldhigga lagu hayo ayay qoladii guriga ku soo hungowday oo Negeeye la socdaa soo noqodeen. Taliyihii saldhigga iyo Negeeye oo wada socdaa markii ay soo galeen Raage inta degdeg warbixin kooban looga qoray ayaa qol ay koox tuug u badani ku jirtay lagu soo qufulay.

Qof kasta oo Raage yaqaannay, qaraabo, deris iyo saaxiib, wuxuu galay olole uu wax kaga geysanayo sidii loo soo dayn lahaa. Dad taliyaha saldhigga ku kalsoon ayaa saqdhexe guriga ugu tegay oo wax u tusay arrintu in ay ka dhex dhacday ilmo abti isku yar xanaaqay. Dadaalkaa soo dayntu wuxuu midho dhalay galabtii la qabtay galabteedii.

In kasta oo ay mashaqadaasi halkaa ku dhammaatay, tii Leyla iyo Negeeye waa ay sii cakirantay, dhaar ayuuna ku maray haddii ay indhaha dhiig ka keento in aanu furi doonin.

***

Raage markii uu aroos baxay shaqadii ayuu ku noqday, tii gaarka ahaydna gelinka dambe ayuu geli jiray. Maalin ayuu maamule Diiriye barayaasha oo dhan kulan ugu yeedhay. Qolka barayaasha ayaa lagu kulmay, kuraas safsaf u taal oo dhan u wada jeedda ayaa la isku taxay. Diiriye oo kursi ka soo hor jeeda fadhiya ayaa caasha la wada saaray. Isaguna sidii atoor yaco ku dhex jira isaga oo giirka taagaya ayuu u sheegay:

“Wasaaraddu waxay ina soo gaadhsiisay in dugsiyada sare ee gobolka Banaadir loo qaban doono tartan faneed ruwaayad ah, iyada oo ta kaalinta koowaad ku guulaysata lagu soo bandhigi doono xuska munaasabadda maalinta macallinka, taas oo uu madaxweynuhu ka soo qaybgelayo. Markaas waxaa loo baahan yahay dugsigeenna cid xilkaas u qaadda.”

Waa la iswada eegay, haddana iyada oo la aamusan yahay sidii ido roob hayo gorodda hoos loo wada rogay. Barayaashu waxay u badan yihiin kuwii loo bixiyay ”raaca labaad”, kuwaas oo markii ay barayaashii asalka ahaa shaqada ka yaaceen iyaga laga maarmi waayay. Tiradoodu ciiddaas ka badan tayana lagu ma oga. Waa kuwa marka uu ardaygu su’aal suugaan ama af soomaali ah wayddiiyo inta ay isxanaajiyaan ugu jawaaba: ”Waxaasi waa af baadiye, af baadiyena anigu ma aqaan.” Markaas ayuu ardaygu uurka iska yidhaahdaa, oo af baadiyuhu haddii uu af soomaali yahay, iyaguna macallin yihiin, in ay bartaan maxaa qalad ka dhigay? In uu Diiriye horjooge u yahay waxay daliil u tahay tayo xumadooda. Aamuska barayaashu maamulaha wuxuu ku dhaliyay niyadxumo. Maalinta macallinka ee la sheegayo bil in ka yar ayaa ka dhiman, waqti badan la ma haysto. Diiriye waxa uu si dawarsi u eg u dhugtay Raage.

“Raage, waxaan filayaa taa cid adiga kugu dhaantaa ma jirto, waana fursad aad ku heli kartid billad sharaf iyo dallacaad?”

Fanka iyo suugaanta haddii dhaqan baadiye lagu eedaynayo Raage waa reer baadiye, jacaylkoodu haddii uu reer baadiyenimo yahayna wuu jecel yahay. Laakiin weligii halabuur isku ma dayin. Muu istijaabiyo? Waa run oo cid isaga taa ku dhaantaa dugsiga ma joogto, waana beerlaxawsi uu ku dallici karo. Diiriye isagu waa anaani oo dallacaadda Raage dan kama leh, laakiin isaga ayay dallacaad u tahay haddii uu dugsigiisu tartanka sharaf kaga qaybgalo amaba ku guulaysto.

“Waa yahay”, ayuu Raage ballan qaaday. Markiiba wuxuu bilaabay in uu ka fekero mawduuc xiiso leh oo ku habboon meel uu madaxweynuhu joogo in lagu soo bandhigo. Waxa loo baahan yahay in ay tahay majaajillo gaaban wuu fahmay, waayo ruwaayad dheer madaxweynaha loo ma soo bandhigi karo. Waqti sidaas u dheer cid aan isaga ahayn in la dhegeystaa waa kacaan ka dheerayn, waana denbi.

Fikrad aad u xiiso gelisay laakiin isla markaas baqdin ku abuurtay ayaa qunyar qunyar ugu dhalatay. Dabadeed habeen iyo maalin ayuu awooddiisa halabuur oo dhan miis isugu keenay. Qaabka iyo geeddisocodka sheekada ayuu dhisay, haddana hadal habboon urursaday, dabadeed sidii uu moodayay waaba ay ka fududayd. Markii uu abyay ee dib u eegayna wuu jeclaystay. Aad ayuu se u maleeyay guddiga qiimayntu in aanay sinaba u oggolaan doonin, fursad ay madaxda ku gaadhana siin doonin. Raadgadasho muu sameeyo? Majaajillo kale? Sidaas ayuu yeelay, dabadeed kooxdii la jili lahayd dugsiga ka xushay.

Bandhiggii qiimaynta, oo lagu qabtay Xarunta Ururka Dhallinyarada, Raage wuxuu ku soo bandhigay majaajillo fiican laakiin munaafaqnimo badan. Waxay ka hadlaysay sidii ay bulshada soomaalidu ahayd Kacaanka ka hor, xagga wax qoris iyo akhris la’aanta, iyo sidii uu Kacaanku taa wax uga qabtay ka dib markii af soomaaliga la qoray. Wuu hubay waxa loo baahan yahay in ay tahay wax noocaas ah. Maalintii xigtay waxaa loo sheegay riwaayddiisa in madaxda loo soo bandhigi doono.

Waxaa la gaadhay habeenkii xuska oo lagu qabtay Golaha Murtida iyo Madaddaalada. Madax badan oo uu madaxweynuhu ku jiro ayaa ka soo qaybgashay. Hees ay Ubaxa Kacaanka Oktoobar madaxweynaha ku ammaanayaan ayaa lagu furay, isaguna sidii boqor carbeed ayuu farxad ilaa qawlallada qoslay. Kooxda Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta ee Iftin ayaa ammaan kale u qaadday, isaguna wuu sii qoslay. Kooxda Xoogga ee Waabberi ayaa hees kale oo labadii horeba ka sii ammaan badan u qaadday, madaxweynuhuna qosol iyo raynrayn ayuu ku sii rakaatay.

In qof weyn oo soo taagan la ammaano, ama isagu yidhaahdo “ha la i ammaano”, amaba uu ammaantiisa u rixiyo, sideedaba dhaqanka iyo dabeecadda soomaalida si buuxda ayay lid ugu tahay. Waxa ay se ka mid ahayd dhalanroggii dhaqan ee Kacaanku keenay taas oo isugu jirta carabnimo iyo kelitalisnimo. Ammaanta carruurnimada ah iyo faanka beenta ah ee ay madaxda kelitaliska ahi dadkooda sanka ka geliyaan haddii ay la tahay in lagu jeclaanayo waa u garaadxumo, waayo waa uun lagu sii necbaadaa, ilaa ay gaadho heer lagu yalaalugoodo. Habeenkaa hees iyo khudbad waliba waxay ahayd ammaan, mid walbana sacab kulul ayaa raacayay.

Waxaa bilaabatay ruwaayaddii. Ilayskii baa la gamaariyay, waana la aamusay, shib. Daahyadii cuslaa baa la ka la jiiday, wac. Waxaa soo baxay muuqaal kediso ah: dhul siman oo aad barwaaqo u ah oo ay doogga, caleenta iyo ubaxu dacallada isku la jiraan oo uu webi nadiif ahi si deggan u dhex qulqulayo, iyo cir aad buluug u ah oo ay daruur madaw oo goosgoos ahi ku teedsan tahay. Qorraxduna in kasta oo aanay muuqan ilayskeeda ayaa daruurta, biyaha iyo doogga muuqooda xoojinaya.

Oday suudh qurux badan xidhan (Raage) ayaa soo galay, oo inta uu daah madow soo jiiday muuqaalkii barwaaqada ahaa ku qariyay. Warqad weyn oo u eg khariidada derbiyada lagu dhejiyo ayuu ka la bixiyay oo daahii ka laallaadiyay. Midabyada iyo xarriijimaha warqadda ku sawiran si fiican loo ma arko oo waxay u eg tahay wax lagu faygaray, haddii fahamkeeda la isku sii taxallujiyana waxaa laga qaadayaa madax wareer iyo xanaaq. Dabadeed inta uu suudhkii iska bixiyay oo calallo jeexjeexan xidhay, oo moqorofad la soo baxay, ayuu dawarsi bilaabay: “Yaa Alle wax siiyay!”

Laba nin oo keli keli u socda ayaa soo galay qaddaadiic ayayna moqorofaddii dawarsiga ku daadiyeen. Odaygii markiiba lacagtii moqorofadda wuu ka la booday oo faraqa ku guntaday. Haweenay arradan oo laba ilmood ah oo caatada iyo arradka iyada ka daran wadata ayaa soo gashay, odaygii dawarsanayay ayayna isa soo dul taagtay oo ku tidhi:

“Carruurtaada xilkooda qaad, oo maskaxdaada iyo muruqaaga ku kori, sidii aabbe lagu yaqaannay, haddii kale aniga ayaa korsanaya ee warqaddayda i sii, agtoodana yaanan kugu arkin.”

Si hanjabaad leh ayuu fadhiga uga soo booday, oo inta uu si argaggixin leh dhuunta uga galay wejiga wejiga u saaray, sidii uu gebigeedaba liqi doono.

“Naa maxaad ku hadlaysaa?” “Kartidaada oo dhami haddii ay tahay dawarsi, magacayga iyo magaca carruurtayda ha ku dawarsan ee iskaa u dawarso, gurigayga iyo noloshaydana iiga bax”, ayay u raacisay iyada oo aan dan ka gelin eegmadiisa naxariista daran ee ku soo maqan.

“Cidda aan u dawarayaa waa adiga iyo waxan xunxun ee aad wadatid”, ayuu ku yidhi cod aad uga nolol badan kii daciifka ahaa ee uu ku dawarsanayay.

“Aabbennimadu waa xilkasnimo iyo halgan, ee ma aha moqorofad lagu dawarsado?” ayay tidhi.

“Nolol ayaa muhiim ah, sida loo noolaanayaa muhiim ma aha.” “Laakiin waa kuwaas ee maxay ku nool yihiin? Waalid ubadkiisa ku dawarsadaa waa jariimad aan denbidhaaf lahayn, waayo carruurta waxay ku abuuraysaa hoosayn, liidnimo, isku kalsoonidarro, niyadjab iyo quus. Waxaa ku abuurmaya ka haybaysashada dadka kale. Waajibka ugu weyn ee waalid saarani waa in uu ubadkiisa heerka sidaas u hooseeya ka badbaadiyo. Ma intaas baad garan wayday?”

Wuu aamusay si xunna u eegay. Carruurtu iyada ayay ku duuban yihiin oo ay faraqyada haystaan. Sida ay isaga uga soo maagayaan aabbahood la ma moodo. Waaba ay ka baqayaan.

Nin tallaabo dheeraynaya ayaa masraxii soo galay oo moqorofaddii odaygu gacanta ku hayay lacag qadaaddiic ah ku daadiyay. Haweenaydii ayuu dabadeed u qoslay, oo isaga oo aan hakan naaskeeda xantoobo ka buuxsaday, socodkiina sii watay. Iyaduna inta ay si xanaaq leh kab u la baxday ayay ka daba carartay, laakiin odaygeedii ayaa si xoog leh u soo qabtay isaga oo ku leh:

“Naa miyaad waalan tahay? Ma ninka lacagta ina siiyay baad naas uu ku qabtay ka xanaaqaysaa?”

Daawadaayaasha badankoodu aad ayay u qosleen, kuwii madaxweynaha la fadhiyayna qaar baa qoslay laakiin markii ay arkeen isagu in aanu qoslayn ayay dhakhso u aamuseen. Carruurtii khajilaad ayay la jeesteen, waxayna isku mashquuliyeen in ay marba dacal ka qooraansadaan muuqii quruxda badnaa ee daaha madoobi ku gudbanaa. Aabbahood ayaa dabadeed inta uu ku soo tallaabo dheereeyay halkii ay wax ka daawanayeen ka soo tukhaantukhiyay oo ku canaantay:

“Ka taga meesha, wax aan edeb lahayn baad tihiine!” Jilayaashii waa ay baxeen, waxaana la isu diyaariyay la socodka muuqaalka labaad ee metelaadda. Isla markaas kuraastii daawadayaasha safka hore ayuu dhaqdhaqaaq ka bilawday. Dhawr qof baa ilayskii gamaarsanaa isdhex yaacay oo dhawr qof oo kale marba mid la faqay. Dhawr daqiiqadood ayaan xanshaashaq mooyee wax kale dhicin. Ugu dambayn ilayskii si caadi ah ayaa loo shiday, wasiirka Borobagaandada iyo Dacaayadda ayaa masraxa fuulay codbaahiyahana qaatay, oo sheegay barnaamijka qaybtii madaddaaladu in ay intaas ku eg tahay.

Raage iyo kooxdiisii ciidan dharcad ah oo xanaaqsan ayaa qolkii jilayaasha ugu yimid, una sheegay hadaltirada ay meesha keenaan in ay halkaa ku joojiyaan, waxaana la geeyay meel loo qoondeeyay oo ah kuraasta u dambaysa daawadayaasha.

Kuraas iyo miis dheer oo masraxa la dhigay ayaa madaxweynaha loo daaddihiyay, sacab, mashxarad iyo sawaxan ayaana lagu gelbi- yay. Labadii xigeennadiisa ugu sarreeyay ayuu labada dhinac iska xigsiiyay, markiibana khudbad dheer oo i-dhegeyso-ama-ha-i- dhegeysan ah soo afuufay.

Taageerayaasha Maxammed Siyaad Barre waxaa laga maqli jiray: “Ma og tihiin madaxwenuhu in uu khudbadayn karo afar iyo labaatan saacadood oo aan kalago lahayn, isaga oo aan xiiq tiran, isaga oo aan weliba soo diyaarsan, taas oo ah rikoodhka khudbadaha dunida?”

Markaas ayay kuwa necebina ugu jawaabi jireen: “Sababtu waxaa weeye, waa qofka keliya ee xaq u leh in uu afar iyo labaatan saacadood oo aan kalago lahayn hadlo, isaga oo aan xiiq tiran, kana biqin eray qaldan oo uu yidhi in ay cidi ka la xisaabtanto, isla markaana waqtiga intaa dherer la’eg heli kara dad u sacabbiya.”

Caawana waa kaa dabada qabsaday hadal dheer oo uu og yahay in aan cidina ka la xisaabtamayn oo cay, habaar iyo hanjabaad isugu jira. Malaha wuxuu doonayay in uu jiritaankiisa iyo weliba madaxweynenimadiisa dadka xasuusiyo, sidii aan la ogayn ama la illaawey.

Qof meesha joogitaankeeda raalli ka ahi waa dhif, haddana sacabka xooggiisa waa lagu dhego barjoobayaa. Dadku fulaysanaa oo munaafaqsanaa! Fulaynimada iyo munaafaqnimada loo ma dhasho ee waa la bartaa. Marba dhanka ay eegmada madaxweynuhu u badan tahay ayuu sacabkuna u badan yahay. Miyaa laga baqayaa, mise waa la khatalayaa? Ma mowqif la’aan iyo gurdanraacin baa, mise waa doqonnimo iyo garasho xumo? Malaha dadkani intaaba waa ay isugu jiraan?

Raage markiiba waxaa ku bilawday shaki. Majaajillada iyada oo madaxweynuhu daawanayo la joojiyay saadaal xun ayuu u arkay. Laakiin ma uu doonayn col hortii in uu baqo. Dhan kale ayuu fekerkiisa u godlay. Kooxda caawa halkan ku la xaraysan ee malaayiinta qof mas’uulka ka ah ayuu mid mid u eegay ugana fekeray. U ma uu arag in ay yihiin dad xilkaa sinaba u mudan. Bilawgii Kacaanka iyo caawa intii u dhaxaysay isbeddelka dhacay iyo labadaa marxaladood ka la duwanaantooda ayuu aad u la yaabay.

Maxaa dhacay? Maxaa isbeddelay? Ninkan ku soo hor fadhiya, ee ay dad if iyo dad aakhiraba habaarayaan, sow ma aha isla kii toddobaatanaadkii loo wada ducayn jiray? Ma isaga ayaa doorsoomay mise bulshada inteeda kale? Bal malee caawa in uu diyaar u yahay dalkaa dhan dadka ku nool in uu halaago si uu habeen madaxweyne u sii ahaado! Hadda waa dadkiisii iyo dalkiisii, dal iyo dad kalena ma leh oo wuu og yahay! Hadda nolosha qofku in ay tahay maalmo tirsan, nolosha umadduna tahay qarniyo taxan wuu og yahay! Ma jiro noole aadamiga ka yaab badani.

Markii golihii laga ka la dareeray Deeqa iyo Raage waxay ku lugeeyeen waddada Jamaal Cabdinaasir si ay isgoyska ugu dhow bas uga raacaan. Deeqi waa ay arkaysay mashaqada meesha ka dhacday, laakiin ma ay doonayn in ay belo sii saadiso. Su’aal kale oo ilaa caawa ku taagnayd ayay wayddiisay:

“Raage, haddii aad madaxweyne tahay ma ku kici lahayd waxyaalaha uu Maxammed Siyaad ku kacayo?”

Wuu la yaabay sida miskiinnimada ah ee ay wayddiinta u qaabaysay.

“Maya. Waayo?” “Aniguna maan sameeyeen, una malayn maayo in uu jiro soomaali aamminsan in uu samayn lahaa. Muxuu markaa isagu u samaynayaa? Muxuu inagaga duwan yahay?”

“Waxba inagagama duwana, laakiin arrimaha ayuu si qaldan u eegayaa meel qaldanna ka eegayaa, dad badan baana la mid ah.” “Muxuu si qaldan ugu eegayaa meel qaldanna uga eegayaa?” “Waxay ku xidhan tahay waayo’aragnimada uu nolosha ka soo maray oo go’aaminaysa sida uu xaaladda hor taal u eegayo iyo halka uu ka eegayo, taas oo dabadeed saamaynaysa fekerkiisa iyo fahamka uu arrinta ka la baxayo, iyo sida uu markaa ka dib ficil ahaan taa uga tarjumayo.”

“Maxaa ka mid ah waxyaalaha uu waayo’aragnimada uu soo maray awgeed si qaldan u eegayo meel qaldanna ka eegayo?”

“Waxaa ka mid ah qabyaaladda. Waa cudur ay bulshadu qofka ilaa yaraanta ku soo abuurto, hadhowna uu iyada ku dulmiyo.”

“Laakiin haddii ay mushkiladdu tahay qabyaaladda, dadka oo dhami maxay sida madaxweynaha u wada ahaan waayeen?”

“Waa ay wada yihiin… waa ay u badan yihiin. Laakiin xaaladdiisu ta bulshada inteeda kale waxay kaga duwan tahay, isagu wuxuu haystaa awoodda ugu sarraysa, awood jacaylkuna waa wax dabiici ah oo dadka oo dhan ku jira. Waxaa se jirta mar ay taasi gaadho heer waalli iyo cudur ah oo uu qofku wax walba u sameeyo sidii uu awoodda u qabsan lahaa, haddii uu hayana ugu faro adaygi lahaa.”

“Laakiin dunida waxaa jirta madax badan oo haysata ama yeelatay awoodda uu lee yahay oo kale, isla markaa aan laga yaabin in ay dadkooda ku la kacaan waxa uu ku kacayo. Muxuu kaga duwan yahay?”

“Kuwaasi marka horeba xoog ku ma yimaaddaan, ee waxay ku yimaaddaan doonista dadkooda, sidii ay ku yimaadeen ayayna ku khasban yihiin in ay kaga tagaan. Laakiin kuwa xoogga ku yimaaddaa diyaar u ma aha xoog waxaan ahayn in ay ku tagaan. Marka labaad, hoggaamiyaha awoodda dalkiisa sida nabadda ah ku yimaadda kagana tagaa waa qof aqoon ahaan iyo asluub ahaan dhisan, taas oo ah sababta marka horeba loo doortay.”

“Laakiin waxaa jirta madax aan la dooran haddana aan sidan u dhaqmin?”

“Taasina waxaan u malaynayaa in ay ku sal lee dahay waayaaragnimada iyo duruufta shakhsiga ee aan sheegay.”

Gadaal ayay wada jalleeceen, markii ay xantooda in laga maqli karo cid u soo jirta arki waayeenna Deeqa ayaa wayddiin kale ku dhiirratay:

“Haddii ay sidaas tahay, oo ay taasi ka suurtowdo qof kasta, yaa la aamminayaa? Sow ma nihin ummad mustaqbal la’aan ah?”

“Haa, haddii ay sidan ahaato. Laakiin ma aha in ay sidan ahaato. Ma aha in marba qof miskiin ah la dabo yaaco, oo sacab macnodarro ah lagu waalo. Waa in aynu taladeenna u aragnaa muqaddas aan cid waliba hawaysan karin, ciddii ku qaldantaana haysan karin.”

Markii ay albaabka gurigooda wax yar u jireen ayuu Raage dareemay jawi aan caadi ahayn. Wax baa muuqaalka xaafadda dheeraad ku ah ama ka dhiman. Wax maxay ah? Haa, meel albaabkooda dhawr tallaabo u jirta waxaa soo taagan baabuur laankuruusar ah oo cad. Isla markii uu gaadhiga arkay ayaa laba albaab oo ka la dhinac ah la furay, waxaana tallaabo giigsan iyo si abaabulan uga soo degay laba nin oo isdherer la’eg oo da dhexaad ah. Si toos ah ayay u soo abbaareen Raage iyo Deeqa oo irridda garaacaya.

“Habeen wanaagsan!” ayuu labadii nin midkood ku bariidiyay. “Habeen wanaagsan!” “Raage Xirsi Geelle ma tahay?” “Yaa doonaya?” “Adiga magaca ma lagu yidhaahdaa?” ayuu si ay canaani ku jirto ugu celiyay.

Isaga oo huba nimanka waqtigan guriga ku sugayaa magaciisa daaye lafihiisa cadcad in ay garanayaan ayuu ugu jawaabay:

“Magacaas waan lee yahay ee maxaa jira?” “Nabadsugidda ayaannu ka soconnaa ee guriga ina geli.” Ninkii kale markiiba Raage ayuu baadhitaan ku bilaabay, markii uu damcay in uu iska waabiyana kii hore ayaa bastoolad guntiga ugu jirtay la soo baxay oo ugu digay:

“Ha nagu kellifin in aanu xoog adeegsanno.” Isla markaas labada nin mid Raage baadhayay ka kalena bastooladda ku hayay ayay Leyla oo guriga joogtay irridkii furtay. Iyada iyo Deeqa dunidii ayaa ku soo yaraatay. Waxay hoos uga wada hadleen in ay yaacaan oo qaylodhaan tagaan. Laakiin yaa ay u qaylodhaamiyaan oo nabadsugid hubaysan la hadli kara? Raage ayay isku dhejiyeen sidii ay taabashada sharka kaga xijaabayaan.

“Maxaa jira? Maxaad gurigayga uga baahan tihiin?” ayuu nimankii wayddiiyay.

“Hadhow ayaynu ka wada hadli ee horta guriga ina geli.” “Laakiin in aad nabadsugid tihiin miyaydaan caddayn i tusayn?” Labadii nin waa ay iseegeen oo muujiyeen in ay tahay wayddiin macnodaran.

“Adeer hadal u ma baahnin ee ina dhaqaaji oo guriga ina geli”, ayuu kii la hadlayay yidhi isaga oo mar kale bastooladda dareensiinaya.

Markiiba gurigii ayay baadhitaan ku bilaabeen, wax kasta oo labada qol dhex yaallayna si qallafsan xagga kale uga rogeen. Sariirtii iyo kuraastii fadhiga ayay qalabageddiyeen. Wargeys, buug iyo wax walba fitir iyo faatir ayay u qaadeen.

“Fur boorsadan”, ayuu afhayeenkii Raage ku amray isaga oo tilmaamaya boorso dhar oo fadhiga taallay.

Markii uu Raage boorsadii furay waxii ku jiray oo dhar u badnaa debedda ayay uga soo qubeen, waxayna ka dhex heleen xidhmo dhambaallo ah. Afhayeenkii ayaa dabadeed dhambaalladii qaar ka mid ah akhriyay isaga oo aan wax hadal ah dhihin ayuuna jeebka gashaday.

“Waa warqado caadi ah oo la ii soo diray mana jirto sabab aad jeebka u gashataa”, ayuu ku ashkatooday.

“Waad na raacaysaa, arrin ayaannu wax kaa soo wayddiinaynaa.” “Arrin maxay ku saabsan?” “Waad ogaan ee baabuurka ina saar.” Kii kale markii uu baadhitaankii dhammaystay katiinad ayuu la soo baxay oo Raage labadible ugu yuururiyay, oo debedda u riixay.

Deeqa iyo Leyli waxaas oo dhan sidii bisado dhaxamaysan ayay si miskiinnimo ah u eegayeen iyaga oo aan waxba ka qaban karin.

Qabashada qofka haddii aan loo cuskanayn sabab sharci ah, ama aan la dhawrayn xuquuqdiisa muwaaddin iyo xushmaddiisa dadnimo midna, xaalka oo dhamina yahay argagixin iyo xoog, xaq iyo xaqdarro ma ka la jiraan. Awoodda dawladdu waxay sharci tahay marka ay sharci ku socoto, haddii se ay yeelato dhaqanka argagixisada, magaceedana lagu qawlaysto, waxaa bannaan cid kasta oo ka hor timaadda iyo si kasta oo looga hor yimaaddo. Ma jiro burbur bulsho ku dhaca oo ka weyn in ay awoodda ilaalinta sharciga u xil saaran qudheedu ku tumato.

Fadhiga dambe ee baabuurka ayay Raage iyo afhayeenkii wada fadhiisteen, xagga horena ninkii kale iyo wadihii baabuurka oo aan awal isagu soo degin. Waa la dhaqaaqay, wax yar ka dibna ninkii Raage la fadhiyay inta uu maro yar oo masarka dumarka la’eg la soo baxay ayuu ku soo jeestay.

“Maradan yar ayaan indhaha kaaga duubayaa…” “Ma in aad i indhoduubtid baad doonaysaa? U ma baahnid, nin weyn baan ahay, waan kuu ballan qaadayaa in aanan baxsasho isku dayin.”

“Maya, maya saaxiib, annaga na laga ma baxsado ee waxaa jirta arrin kale. Inta aynu sii soconno ayuun bay kugu xidhnaanaysaa”, ayuu afduubihii yidhi isaga oo Raage maradii indhaha kaga giijinaya labadeedii dacalna qadaadka kaga guntaya.

Raage wax iscaabbi ah ma samayn, sababta loo indho duubayo garay, waxay diidayaan meesha ay geynayaan in uu ogaado.

Muddo uu toban daqiiqo ku qiyaasay ayuu baabuurku xawli ka la duwan iyo leexleexasho badan ku socday. Dabadeed waa la joojiyay, isaga oo weli indhoduuban ayaana la soo dejiyay oo tobaneeyo mitir la lugaysiiyay. Indhoduubkii iyo katiinaddii inta laga furay ayaa, iyada oo aan lala hadlin, qol mugdi ah lagu harraatiyay, albaab culus oo bir ahna lagu soo xidhay. Indhoduubkii uu muddada ku soo jiray ka sokow qolku waa mugdi haddii indhaha faraha lagaa gelinayo aadan arkayn.

Habeen iyo maalin ayuu qolkii mugdiga ahaa ku jiray oo aanu juuq iyo jaaq maqlin, wax noole sheegtana arag, cunto iyo biyana afka saarin. Dabadeed habeenkii labaad, goor uu fiid ku qiyaasay, ayaa albaabkii cuslaa laga furay. Laba nin ayaa garbaha qabtay una kaxeeyay qol kale oo ilays leh.

Markii qolka la soo geliyay waxaa lagu fadhiisiyay kursi, debedda ayaana looga baxay albaabkiina loo soo celiyay. Mugdigii uu ka soo baxay ka sokow waxaa indhaha ka haya ilays aad u cad oo ka soo baxaya nal qaawan oo wejigiisa toos ugu beegan, taas darteed wuu indhodaraandaray cabbaar dhan ayuuna waxba arki waayay oo indhaha marmaray. Markii uu araggii qunyar qunyar u soo noqday wuxuu arkay miis hortiisa qotoma. Nalku keligii ayuu ku soo jeedaa oo si ba’an indhaha uga hayaa.

Meesha in uu keli ku yahay ayuu maleeyay, dabadeed inta uu yar dhiirraday oo istaagay ayuu indhaha ilayska ka laliyay. Garay meeshu in ay tahay qol yar oo aan cid kale ku la jirin, laba kursi oo miiska dhinaca kale ka soo yaal mooyee wax kalena dhex ool, albaabkuna soo ceshan yahay. Dabadeed fadhigii ayuu ku noqday.

Isaga oo aan weli haleelin in uu xaaladda si wanaagsan u oddoroso ayaa loo soo galay. Ma arko waxa soo galay waayo nalka ayaa ka xiga laakiin tallaabada laba qof ayuu ku maleeyay. Labadii kursi ayaa lagu fadhiistay, warqado iyo qalin ayaana miiskii la saaray. Gacmo nin oo ay faruhu isdhaafsan yihiin ayaa waraaqihii oo iftiinku aad u hayo la soo dul saaray. Waxaa ka muuqda kaatun dahab ah iyo saacad qaro weyn oo SEIKO ah. Cabbaar aamus iyo dhaqdhaqaaq la’aan ah ayaa raacay.

“Waa yahay, halkee ayaynu ka bilawnaa?” waxaa wayddiiyay cod nin oo maqalkiisa ku cusub. U ma uu jawaabin waayo u la ma ay ekaan su’aal jawaab ka sugaysa. Dabadeed ninkii ayaa isu jawaabay: ”Waxa aynu ka bilaabaynaa in aynu isku raacsan nahay arrimahan soo socda: In aad tahay Raage Xirsi Geelle oo ah macallin dugsi sare?”

“Waan kugu raacsan ahay.” “Dhawr sano hortood in lagaa soo celiyay waxbarasho aad debedda ugu maqnayd?”

“Waan kugu raacsan ahay.” “Sababta laguu soo celiyay in ay ahayd fikrado qarandumis ah oo aad faafinaysay?”

“Kuguma raacsani.” “Sidee ayay haddaa ahayd?” “Waxay ahayd in arday aan ka mid ahaa duruufo dalka ka soo cusboonaaday dortood dib loogu yeedhay.”

“Maxay ahaayeen duruufaha dalka ka soo cusboonaaday?” “Na loo ma sheegin.”

“Ma jirtay in ay berigaa safaaraddu ku soo gaadhsiisay ashkato ku saabsan maqaal aad wargeys ku qortay?”

“Haa.” “Ma jirtay in lagu xusuusiyay maqaalkaasi in uu ahaa fal qarandumis ah?”

“Maya.” “Haye, sidee ayay haddaa ahayd?” “Waxay ahayd in uu qunsulku ii sheegay dawladdii aan martida u ahaa in ay maqaalkaas xumaan ka fahmi karto.”

Raage waxa keliya ee uu ninka la hadlaya ka arkaa waa labada gacmood ee miiska dushiisa qalinka ku cayaaraya. Waxaa kale oo muuqata jawaabaha uu bixinayo in aan labada qof midkoodna qorayn. Diyaar ayuu u yahay in uu ka been sheego arrin kasta oo ay la tahay qirashadeeda in uu ku halligmayo, ilaa imika se wax in uu ka been sheego u baahan la ma wayddiin. Ninkii wax wayddiinayay waraaqihii hor yaallay ayuu rogrogay oo waxii ku qorraa cabbaar eegeegay, dabadeed sigaar iyo kabriid jeebka ka la soo baxay.

“Sigaarka ma cabtaa?” ayuu wayddiiyay isaga oo Rothman u soo taagaya.

“Maya, laakiin adiga oo mahadsan biyo ii keen.” “Biyo iyo cuntaba waanu ku siinaynaa haddii aad nala shaqaysid”, ayuu yidhi oo qofkii kale ee dhinac fadhiyay ku amray: ”Orod biyo u keen!” Dabadeed xabbad sigaar ah ayuu shitay qiiq culusna ilayskii ku afuufay.

Qofkii biyaha loo diray bakeeri dheer oo buuxa ayuu Raage soo hor dhigay fadhigiina ku noqday. Gacanta biyaha u dhigtay iyaduna waa gacan nin. Degdeg ayuu u qurquriyay, wuxuuna dareemay sida ay caloosha madhan ugu dhacayaan.

Afduubihii mar kale inta uu qiiq soo afuufay ayuu Raage wayddiiyay:

“Ruwaayaddii xalay madaxweynaha loo dhigay adiga ayaa diyaariyay doorka koowaadna jilayay, sow ma aha?”

“Haa.” “Haye, maxay ka hadlaysay? Bal ii macnee.” “Adigu ma daawatay?” “ wayddiimaha aniga ayaa leh adigana waa kugu jawaabaha.” “Waxay ka hadlaysay qoys dawarsi ku nool.” “Qoyska dawarsiga ku nooli waa ayo?” “Waa qoys soomaaliyeed.” “Macnaheedu waa maxay?” “Macnaheedu waa waxa ay metelayso.”

“Maxay metelysaa?”

“Qoys dawarsi ku nool.” “Maxaa ka galay munaasabadda aad ku soo bandhigtay?” “In ay madaxda gaadhsiinayso xaalka bulshada.” “Bulshadu ma qoys dawarsi ku nool baa?” “Majaajilladu waxay ka hadlaysay qoys dawarsi ku nool.” “Waxii la isku ogaa wax aan ahayn baad meesha keentay, sow ma aha?”

“Haa.” “Sow caddayn u ma aha in aad tahay beenaale aan daacad ahayn?”

“Majaajilladu been iyo daacad darro ma ay ahayn”, ayuu ku jawaabay isaga oo ku dadaalaya in uu jawiga degganaan ku hayo.

Saddex dhambaal oo gacan ku qoran ayuu warqadihii hor yaallay ka soo saaray oo Raage u soo fidiyay kuna yidhi:

“Bal warqadahan isha mari.” Raage wuu ka qaaday isha ayuuna mariyay. Waa warqado uu marar ka la duwan Rooble ka helay. Baqdin cusub ayaa ku abuurantay.

“Su’aalihii aad i wayddiinaysay warqadahan waxba ka ma khuseeyaan.”

“Wax badan baa ka khuseeya. Miyaad igu diiddan tahay in aad tahay mucaarad firfircoon?”

“Warqadahani iga dhigi maayaan mucaarad.” Afduubihii warqadihii ayuu dib u la noqday oo mid ka mid ah dhawr sadar kor u akhriyay: “…Raage, runtii waan u bogay fikradaha warqaddaadii ugu dambaysay ku qorraa. Aragtidaada ku saabsan xalka mushkiladdu waa mid aad u qiimo badan laakiin u baahan fidin iyo fulin…’ Waa warqad xiiso badan. Rooble waa adeerkaa, sow ma aha?”

“Haa.” “Bal wax iiga sheeg aragtidaada aadka u qiimaha badan ee ku saabsan xalka mushkilada ee aad fidinteeda iyo fulinteeda ku hawllan tahay?”

“Ma jirto wax aragti ah oo aan fidinteeda iyo fulinteeda ku hawllan ahay.”

“Waxaan u jeedaa tan uu adeerkaa kaala hadlayo?” “Waa wax qoyskayaga oo keliya khuseeya.” “Isagu shaqada uu mucaaradka u hayaa waa maxay?” “Shaqo noocaas ah ku ma aan ogayn.” “Laakiin warqadahan iyo warbixin kale oo aan hayaba waxaa ku cad in uu yahay mucaarad firfircoon. Caawa oo dhan ma dafiraad baad dabada haynaysaa?”

“Adigu caawa oo dhan ma waxaad dabada haynaysaa denbi aanan lahayn in aad qoorta ii gelisid?”

“Iyada oo aan waxba lagu wayddiin ayaa denbiga laguu haysto ciqaabtiisa lagugu fulin karaa. Sow taa ma ogid? Haddaba waxaan doonayaa in aad ii sheegtid aragtida aad ku xallinaysid mushkiladda adiga iyo adeerkaa idin wada haysata.”

“Ma jirto wax aragti siyaasadeed ah oo aan mushkilad na haysata ku xallinayaa.”

“Miyaad diidaysaa in aad mucaarad tahay?” “Haa, waan diidayaa.” “Waa yahay, halkaas caawa ha inoo joogto”, ayuu yidhi oo inta ay warqadihii urursadeen sida sheyddaanka mugdigii ku libdheen, qolkana ka baxeen oo albaabka soo celiyeen.

In yar ka dib waxaa u soo galay laba nin oo uu codkooda ka gartay in aanay labadii hore ahayn. Qolkii ayay ka saareen una hoggaamiyeen barxad dhexe oo ciid ah. Katiinad ayay mar kale labadible ugu yuururiyeen, oo inta ay dhulka ku legdeen miigo dhabarka isugu laabeen, isaga oo xanuun la talalaya ayayna labada cagood dhegaha u sudheen.

Wax badan ayuu maqlay jidhdilka loo yaqaan miigo, ama figayn, weligii se caawa ka hor ma uu fahmin xaqiiqada xanuunkeeda. Miigadu waxay dalka soo gashay sannadihii toddobaatanaadkii, waxayna ka mid ahayd dhaqammadii waxshiga ahaa ee ay askartu keentay, taas oo ka bilaabatay kuna dhex faaftay millateriga, dabadeed hay’adaha hubaysan oo dhan u gudubtay: nabadsugidda, hangashta, bilayska, asluubta, daraawiishta, guulwadaha iyo waxa la midka ah.

Erayga miigo sida muuqata wuxuu ka yimid diyaaradda dagaalka ee Ruushku farsameeyo ee loo yaqaan miig. Sababta loogu magac darayna waa iyada oo qofka la ciqaabayo inta gacmaha labadible loo xidho cagaha oo dib loo soo laabay iyo gacmihii dib u xidhnaa la isa sudho, dabadeed qadaadka iyo badhida la isku dhejiyo, laabta oo soo fiiqantay dhulka loogu mudo, dabadeed faraha laga qaado isaga oo u eg miig hawada duulaya.

Beryahaas markii ay dadnimadu goblantay waxaa jiray kuwo si gaar ah u bahaloobay oo bulshada ilkaha ku cuna, waxayna joogeen saldhig kasta, xabsi kasta iyo meelaha la midka ah ee dadka lagu ciqaabo. Haddii dib loogu fiirsado waxaa la ogaanayaa in ay ahaayeen dad qaba cudurro maskaxeed. Qaar iyaga ka mid ah ayuu miskiinkani caawa shillalka u saaran yahay. Daqiiqaddii dhabarka la isugu laabay, isaga oo sidii dibi la gawracay dhulka duuban, ayuu mid nimankii ka mid ahi si aan arxan lahayn bawdyaha qaare kaga garaacay.

Xanuun ayuu ilkaha isgeliyay, laakiin wuu ka badnaa mid loo adkaysan karo. Marka uu qofku qabo xanuun xad dhaaf ah oo aanu joojin karin, wuxuu miciinsadaa suuxinta ama ambinta dareenkiisa nafsiga ah, wuxuuna fekerka maskaxdiisa u dhoofiyaa meel aad uga fog isha uu xanuunka hayaa ka soo burqanayo. Waa sida ay yeelaan haweenku marka ay foolanayaan, oo ay si ay xanuunka isu illawsiyaan maskaxda ka daawadaan sawir qurux badan oo ah ilmaha ay foolanayaan oo nabadqab kaga soo baxay oo ay farxad ku la cayaarayaan. Shaki ku ma jiro dhalanteedkaa sariirta foosha ka fogi in uu ka dhimayo xanuunka markaas haya. Raage isaguna wuxuu ku tiirsaday hannaankaas nafsiga ah, wuxuuna isku dayay in uu maskaxdiisa ku soo ururiyo feker iyo sawir kasta oo dhamacda uu dhex jiifo dhinac uga yar jiidi kara. Dad ay hortii awoodda sheyddaanku karbaashtay, labadiblaysay oo dishay ayuu maskaxda ka weheshaday. Laakiin ma ahayn xanuun dhalanteed lagu sabaalin karo. Wax ay garaacaanba mar dambe ayay ka tageen, keligii ayaana sidii shaag baabuur oo la tuuray isaga oo madow barxadda dhex giraangirsan. Cabbaar dhan ayuu sidaas ahaa ilaa uu mooday in meesha lagu illaawey. Awood kasta oo ilbidhiqsi keliya xanuunka ka dhimi karta, oo katiinadda ku roortay ee halbowlaha goysay ka debcin karta, ayuu u mahad niqi lahaa wax walbana siisan lahaa.

Waxay ahayd maalintii uu garaad ku filan iyo aqoon maskaxdiisa gargaarta yeeshay markii uu go’aan ka qaatay qabyaaladda, wuxuuna aaminsanaa in ay tahay cudur halis ah oo u baahan in bulshada laga daweeyo, laakiin dadka dawaynayaa ay horta iyagu ka dawoobaan. Ha ahaato ee caawa reerkii uu ka dhashay oo inta ay hubka soo gurtaan u hiiliya, dadka sidan u silcinayana dhafoorrada xabbad ka la dhaca, isagana birta ka fura, dhabarka la isugu laabayna u toosiya, ayuu dunida ugu jeclaan lahaa. Wax walba wuu ka dooran lahaa in ay intaa u sameeyaan.

Haddana hoosaynta fekerkiisa ayuu la yaabay. Ma sidaas ayaad u burburtay? ayuu iswayddiiyay. Sababta ay dadka u xanuunjinayaan waa in ay dadnimada ka dilaan, miyaa ay tahay markaas in aad daqiiqado ku burburtid? Ilkaha ayuu isa sii geliyay, wuxuu xasuustay tan oo kale diinta islaamku in ay ku tilmaanto “imtixaan” ay tahay in adkaysi lagaga gudbo. Miyaa ay tahay in aad duni wada tijaabo iyo imtixaan ah tii kowaad ku ka la daadato imtixaankii ugu horreeyayna ku dhacdo? ayuu isku canaantay.

Goor dambe oo uu miyirbeel ku dhow yahay ayuu cod iyo tallaabo bani aadam oo ku soo socda maqlay. In kasta oo uu askarta si xad dhaaf ah u necbaaday, markii horena sanqadh kasta oo dhankooda ka timaaddaa argaggax hor leh ku abuuraysay, imika imaatinkoodu in aanu xanuun u dhiman ku soo kordhinayn ayuu ogaa. Iyaga oo wax aanu fahmin ku duryamaya ayay miigadii ka fureen, oo inta ay laba nin gacmaha si naxariisdarro ah isku mar u dhufteen cabbaar jiideen, dabadeed inta ay katiinaddii ka fureen isaga oo aan far qaadi karin qol madow ku rideen, albaab culus oo bir ahna u soo xidheen. Mugdiga dartii xataa ma garan karo qolku in uu yahay isla kii awal laga soo saaray iyo in kale.

Halkii lagu tuuray saacado badan ayuu daadsanaa. Nigis keliya ayuu xidhan yahay, jidhkana inta badan dareenkuba wuu ka maqnaa, inta kalena waa ay wada dubaaxinaysay. Xanuunku wuxuu ugu darraa gacmaha, gaar ahaan halkii ay katiinadu ka haysay. Miyuu jiraa fal ka xun in qof bani aadam ah la jidhdilo? ayuu ka fekeray. Haddana wuxuu dareemay taasi in ay ka tahay nafjeclaysi fulaynimo ah oo markii ay dhibaatadu isaga ku dhacday uun ka damqaday. Wuu ogaa in ay ahayd arrin dalka oo dhan ka socota. Waxan oo liidnimo ahi miyaa ay kugu jireen? Waxan oo xanuun ahi miyaa ay jireen?

In uu boqollaal arday macallin u yahay boqollaal kalena aflixiyay waxay ku abuuri jirtay islaweyni badan. In uu dad sameeyay ayuu aaminsanaa halka ay dad kale lacag sameeyeen. Askartu in aanay sidoodaba dugsiyo dhigan ayuu xasuustay, oo ay dheer tahay iyada oo la majarehabaabiyay laguna soo carbiyay in ay maamulka u adeegaan bulshadana ka adeegaan.

Waxaa jira maamullo badan oo kelitalis ah haddana leh asaas waddaniyadeed, waxqabad horumarineed iyo daryeel ummadeed. Laakiin haddii uu maamulku ku dhisnaado una dhisnaado maslaxad hoose oo xaqiran, xaaraan ah oo lid ku ah ta bulshoweynta, maamul dawladeed ma aha ee waa maafiyo. Nadaam sidaas ku dhisan qofka u shaqeeyaa waa calooshii-u-shaqayste, dadka xaaladda noocaas ah ku jiraana waa lahaystayaal. Nacdashu qolaba si ayay ugu timaaddaa, soomaalidana waxay ugu timid askarinnimo.

Xanuunka hayaa wuxuu gaadhsiiyay daqiiqad gudaheed in uu mar miyir beelo haddana soo miiraabo, ilaa ay labadaa xaaladood iskaga darsameen oo marba ta uu ku jiro iyo ta kale ka la garan waayay. Daqiiqadihii debedda ugu dambeeyay ayuu xasuusta ku celceliyay iyo Deeqa. Sida riyada ayay fekerka iyo xasuustu isugu dhex qubteen. Wax waliba waxay noqdeen sawirro aan si wanaagsan u muuqan iyo sheekooyin aan taxnayn. Dabadeed wuu suuray.

Saddex bilood iyo labaatan cisho ayuu godkaa madow ku jiray. Marar badan iyo siyaabo ka la duwan ayaa muddadaas loo jidhdilay. Cuntada la siiyaa waxay ahayd mid loogu talo galay in ay bakhtiga uun ka ilaaliso. Afar iyo labaatankii saacadoodba mar baa shuuro qarax ah iyo bakeeri biyo ah loo keeni jiray. Dabadeed maalin baa loo sheegay in Xabsiga Dhexe loo gudbinayo.

Warkaasi uga ma farxad yarayn iyada oo la sii daayay. Wuu ka fekeray sida iyada oo aan maxkamad la saarin xabsi loo geynayo, laakiin ku ma dhaco in uu ka hadlo. Sow godka lagu ma sii hayn karo? Wuu ogaa in ay xabsiyada fadhiyaan kumanyaal ku xidhan ciqaabta loo yaqaan ”ii-hay”.

Sidaas ayuu ku galay xabsi aanu ogayn inta uu ku jiri doono. Laakiin wuu ku faraxsanaa, waayo jidhdilkii wuu dhammaaday, cidladii madoobayd waa ay dhammaatay, gaajadii joogtada ahaydna waa ay dhammaatay. Cadaab wehel lihi waxay dhaantaa mid aan wehel lahayn.

***

Sidii Raage loo afduubay Deeqa waxay u ahayd oohin iyo welwel. La ma ka la ogayn in uu dhintay iyo in uu nool yahay, waxaa se la hubay in uu cadaw arxandaran gacanta u galay. Waxay eersatay Diiriye iyo ruwaayaddii jaan ee uu ku qalqaaliyay. Waxay eersatay waraaqihii sheyddaan ee Rooble ee guriga laga helay. Waxay eersatay wax kasta oo sabab u noqon karey in Raage la qabto. Taa waxaa ugu darsamay xanuun dumar oo beryahaa dhinaca u dhigay oontiina ka jaray.

Iyada, Leyla, ehelkii iyo asxaabtii kaleba wax walba waa ay sameeyeen cid kastana la kaashadeen sidii ay u ogaan lahaayeen meesha uu Raage ku dambeeyay, iyo geeri iyo nolol waxa uu ku sugan yahay. Ugu dambayn nin ay aabbeheed Warsame isyaqaannneen oo sarkaal nabadsugidda ah ayaa soo sheegay Raage in uu ku jiro Godka Jilicow. Ma ahayn war la hubo, laakiin Deeqa wuxuu u ahaa naruuro.

Shaqadii qaranka waa ay dhammaysay, laakiin sidii ay ku talo jirtay jaamacada ma ay dalban. Leyla ayaa guriga ku la nool oo wehel u noqotay. Leyli shaqo saxaafadeed macno leh markii ay wayday shaqadii hore ee Caymiska Qaranka ayay dib u qalqaashatay kuna noqotay. Gelinka dambena dugsigii gaarka ahaa ee uu Raage furay ayay ingiriisida ka dhigtaa.

Deeqa iyo Leyli markiiba waxay warqad ku cayntaariyeen Raage reerkoodii miyiga, laba toddobaad ka dibna Xirsi-Micilibaax ayaa Xamar yimid. Qof kasta oo maamulka ka tirsan oo ay meel uun iska qaraabaysan karaan ayuu cid u kaxaystay oo albaabka xafiiska ama guriga ku garaacay, laakiin waxba u ma suuroobin. Qof waliba marka uu ogaado Raage in uu siyaasad u xidhan yahay ayuu miiska hoosta ka galaa, inta godka laga soo saarayo in la sugo ayaana lagu wada marmarsoodaa.

Micilibaax dani waxay badday kii ay walaashii dhashay ee Negeeye ahaa, kaas oo uu khayr darradiisa miyiga ku maqlay. La ma oga awooddiisu inta ay gaadhsiisan tahay, waxaa se la hubaa isaga iyo asxaabtiisa uu Diiriye ka midka yahay in ay aad u galgal badan yihiin, waxyaalaha noocan ahna ka shaqaystaan. Dadka la xidho ama la qafaalo, dadka dhulka iyo hantida kale laga boobo, iyo xaaladaha la midka ah ayay lacag ku qaataan oo dad xafiisyada sare u fadhiya ku la galgashaan.

Markii uu Micilibaax arrintaa u la tegay Negeeye wuxuu muujiyay waxtarnimo iyo niyadwanaag, wuxuuna u ballan qaaday hawshaa in uu ka soo dhalaali doono. Isaga iyo Raage isqaddarin badani ka ma dhexayn, ha ahaatee waa uu jeclaa in uu soo dayntiisa sabab u noqdo. Wuxuu doonayay isaga, Rooble iyo reerka oo dhan in uu iska dhiso oo sameeyo wax uu ugu abaal sheegto. Sidaas darteed bilawgii wax wuu isku dayay, markii se ay waxba u socon waayeen wuxuu door biday in uu odayga soo celceliyo oo rajo aan jirin geliyo, waayo ma uu doonayn in loo arko nin aan awood lahayn.

Haddii uu xabsigu yahay meel loogu talo galay dilaaga, tuugga, khaa’in waddanka iyo guud ahaan dhuqurjaaga iyo cadowga bulshada, maanta waxaa yuurura dadka qofba kii uu ka dadnimo iyo garasho wanaagsanaa. Si kuwa damiirkoodu nool yahay meel loogu banneeyo ayaa kuwa uu damiirkoodu dhintay la sii daayaa. Sidaas ayuu xabsigu, oo awal ahaa ceeb la qarsado, u noqday milge lagu faano. Ha xanuun badnaado, laakiin maanta dad badan oo damiirkoodu siin waayay in ay bulshada burburtay la burburaan ayuu u yahay dhufays ay ku gabbadaan. Raage xabsiga wuxuu ku la kulmay dad badan oo aqoon leh, kuwaas oo uu intii uu halkaa ku jiray wax badan ka kororsaday. Taasi waxay u fududaysay culayskii ay noloshaasi lahayd.

Markii halkaa loo beddelay ayaa si dhab ah loo ogaaday in uu nool yahay. Toddobaadkii xigay ayaa loo oggolaaday in xabsiga lagu soo booqdo. Waxaa u yimid Deeqa, Leyla, aabbihii Micilibaax iyo soddoggii Warsame oo wada socda.

Dhawrkii cisho ee uu Xabsiga Dhexe ku jiray wax badan baa iska beddelay. Waa uu qubaystay, dharkii maxaabbiista oo nadiif ah ayaa la siiyay, gadhkii iyo timihii wuu iska gaabiyay, cunto ay maxaabbiista kale ehelkoodu u keeneen ayuu wax ka cunay, dabadeed dad ayuu u ekaaday. Sidaas oo ay tahay haddana sida uu noqday dadkii u yimid waa ay ka naxeen. Wuxuu ahaa lafo qayaxan. Maxay se yeeli lahaayeen haddii ay arki lahaayeen nabarrada sida maddanaha ugu suntan? Wuxuu doonayay qoysku welwelkii ay qabeen in uu ka dhimo, sidaas darteed dhibkii uu soo maray haba yaraatee la ma uu soo hadal qaadin. Wuxuu u sheegay uun in meel cidlo ah lagu hayay.

Dadka booqashada ugu yimid waxay u ahaayeen daaqad uu mar kale dunida ka arkay. Muddadii uu godka ku dabranaa waxay u la mid ahayd sannado badan, waxaana si aan la malayn karin isagaga darsamay xaqiiqada iyo riyada. Waxyaalo badan ayuu ka la garan waayay in uu ku fekeray iyo in uu soo maray, in uu ku riyooday iyo in ay dhab ahaayeen. Laakiin imika waa tan Deeqi iyada oo sidii u qurux badan. Micilibaax oo da’du wax ay eryataba soo gaadhay waa kan dhab ahaan hortiisa fadhiya. Dubka kogay ee aad mooddo in uu dheecaankii ka dhammaaday, madaxa booska ah ee aan tin madow laga soo qabanayn, seedaha gacmaha iyo mergiyada ee la moodo taarar soohan oo ay shaqo badani riftay, wejiga ay muruqyadu ka dhammaadeen ee lafuhu wada muuqdaan, iyo indhaha sidii biyo sii gudhaya godka ku shiiqay, sinaba uguma ega kii inta uu awr sagaal jir ah qoorta isugu laabo dhulka ku legdi jiray. Ma aha doobkii dhiirranaa ee aar laayaan ah oo jeex fadhiya shafka u garaacan jiray. Waa siddeetan jir ku dhowaad socodkii uu ku dhashay weli ku jira, intaasna ay dhirbaaxada dhaxanta iyo milicdu ku laba dhacayeen, daalka iyo harraadkuna noloshiisa qayb joogto ah ka ahaayeen.

Micilibaax dawlad, siyaasad iyo kelitalis midna ma aqoonsana, iyaguba isaga ma aqoonsana. Xabsiga inankiisa u ma arko wax aan ahayn colaad tolkii iyo qabiil kale dhex taal. Wuxuu aad uga xun yahay dagaalka oo ka duwan kii uu yaqaannay ee la isdili jiray. Welwel badan ayuu ka qabaa ninkan sida neef xoolo ah xerada lagu ootay.

“Hadhow baan maqli adiga oo khuraafaad ku sheekaynaya oo leh qabiilka waa laga maarmi karaa, dawlad baynu nahay, iyo wax la mid ah. Ma tolkaa oo xukunka haysta ayay maanta niman qayrkaa ahi sidan kuu silcin lahaayeen?” ayuu wiilkiisa ku yidhi.

Dhiidhi gelinta uu marar badan oo hore dhego nugul uga waayay ayuu malaha doonayay in uu xaaladdan qallafsan uga faa’iidaysto, si uu u taabsiiyo waxa uu u arko runta ma dhaafaanka ah ee ah in aanu jirin soomaali tolkii ka maarmi karaa. Waxa inankiisa halkaa dhigay wuxuu u arkaa nabsi uu tolkii ka galay, ee uu aamminay riyo iyo khuraafaad soomaalinimo la isku dagay oo magaceeda la isku dooxay.

Raage marka uu aabbihii u fiirsado, hadalkiisana sii dhuuxo, wuxuu si fiican uga dhex arkaa dabeecadda dhabta ah ee ninka soomaaliyeed. Wuxuu ku baraarugaa xaqiiqada ay dhegaha ninka soomaaliyeed maqli karaan dhaayihiisuna arki karaan, ama sidiisaba maskaxdiisu ka fekeri karto, taas oo ah waxa uu tolkii la damcay ama reer hebel ka damcay. Micilibaax wuxuu xaq u lee yahay in uu madaxweyne, wasiir iyo janaraal intaba noqdo. Yaa kaga xaq leh oo fekerka geeljirka wax aan ahayn haya? Isagu layaab ma leh, madax iyo kuwo badan oo aqoon sheeganaya ayaa qabyaaladda hormuud u ah. Qaar badan ayaa taliska faashilka ah u taageeraya oo keliya in uu madaxweynuhu qabiilkooda yahay, kuwo kalena waxay u la dagaallamayaan oo keliya in aanu qabiilkooda ahayn. La isma waafajin karo qarannimo iyo qabiil in lagu wada noolaado. Sinaba. Labada xaalo mid uun in la doorto ayay ahayd, ta la jecel yahay.

Raage wuxuu aabbihii ku la taliyay in uu miyigii iskaga noqdo, hawsha wax ka qabashada xabsigana dadka magaalada u daayo, isagana marba waxii soo kordha lala soo socodsiin doono.

Leyli waxay Raage u sheegtay iyada iyo Negeeye in ay ka la dhammaadeen, dhibaatadii uu u geystayna beryahan ka ladan tahay, oo aanay doonayn marnaba in ay dib uga fekerto kana hadasho. Waxay ugu bishaaraysay dugsigii gaarka ahaa ee uu furay in ay iyada iyo macallimad kale sii wadaan, gelinka horena ay Caymiska Qaranka ka shaqaysato. Waxay kale oo u sheegtay in ay gurigii Hodan ka soo guurtay, buugtiina ka soo wada rartay, imikana Deeqa la nooshahay.

Waqtiga booqashadu aad ayuu u gaabnaa, markii in la ka la tago la isu diyaariyayna Raage waxaa la siiyay alaabo yaryar oo ay ka mid ahaayeen saabuuno, cadayo, dhar hoose iyo cunto. Leyla oo aragtay sida ay Raage iyo Deeqi indho isu jeellan isugu eegayaan, sida muuqatana niyadda ka wada habaaraya sheyddaanka jacaylkooda ka la afduubay, ayaa inta ay ina adeerkeed afka u dhoweysay hoos ugu sheegtay:

“Ku bishaarayso haddii ay ku dili lahaayeen adiga oo goblan ah ma aad dhimateene.”

Mar kale ayuu Deeqa daawaday, wuxuuna arkay uur yar oo diraca hoos ka soo riixaya. Wuxuu jeclaystay in uu salaaxo ama dhunkado, laakiin odayaasha ayuu ka xishooday. Waa la isa sagootiyay.

10

Negeeye Togdheer ku ma uu noqon. Lacag badan wuu haystaa xaaladdii nabadgelyo ee xaggaasina waa ay ka soo dartay. Jabhaddii dhuumaalaysiga ku dagaallami jirtay imika waa ay gaamurtay oo dharaar cad ayay xeryaha ciidammada weeraraysaa. Mar haddii uu laba guri ka iibsaday, lacag badan ka soo xaabsaday, saddex xiddigoodna ka soo toshay wax kasta oo uu samayn karo waa in uu sameeyaa, cid kasta oo uu ku la galgalan karana ku la galgashaa si aan meeshaa jaan dib loogu celin.

Gacantii uu ka jabay iyo galgal kale oo uu Xafiiska Wasiirka Gaashaadhigga ku sameeyay waxay u suurto geliyeen in uu Xamar u soo beddesho. Markaas ayuu kibray, araaji isdaba joog ah ayuu madaxweynaha u qortaa uu doonayo in wasiir, wasiir xigeen, amaba wax la mid ah laga dhigo. Cidina codsigiisa rakhiiska ah uguma soo jawaabto, waa se rajo ku nool sida dad kale oo badan.

Leyli ashkatadii ay xafiisyada garsoorka ku la wareegaysay waxba kagama ay qaadin, markii ay ku daashay ayayna iska samirtay. Furriinka qudhiisa iyada oo albaab keli ahi u furmi waayay ayuu isagu ugu deeqay oo weliba hadalxumo u raaciyay isaga oo ku yidhi: “Wax macno ah ii ma lihid, waxaan se doonayay adiga iyo doqonkii ku daba socdayba in aan awooddiinna idin tuso.”

Markii Xamar loo soo beddelay shaqo kale ma qabto oo aan ahayn in uu iska xaadiriyo Rugta Saraakiisha, wuxuuna waqti u helay tumasho. Gurigii Hodan ku yaallay markii ay Leyli ka qaxday Amran iyo carruurtii ayaa u soo guuray, halkaa ayayna waxeeda ku walwalaaqataa. Isaguna filladii Wadajir ayuu la wareegay oo xertiisa ku la xadreeyaa.

Fillada cad ee Negeeye macaamiishu rag iyo dumarba aad ayay u jecel yihiin. Waxay ku dhex taal xaafadda Booliqaran oo ah meel deggan kana durugsan indhaha foqorada ee xaasidka ah. Waxay u la baxeen Fillo Adduun. Fureheeda dhawr nin oo isku kalsoon baa haysta. Waa lagu wada danaystaa laguna ka la danaystaa. Kharashka tumashada la isku ma riixriixo ee hadba ninka ay gacantiisu jeebka u horrayso ayaa bixiya. Khamri, qaad, heeso, cunto iyo galmo ayaa lagaga haqab la yahay. Dumarka meesha lagu quutaa waxay u badan yihiin gabdho aad u yaryar oo dhaylo loo la baxay oo faqrigu ka hiiliyay. Waxay sheegtaan rag Ilaahay wax siiyay, balaayo ayaa se wax siisay.

Fillo Adduun waxaa ku meegaaran derbi saddex mitir dhulka ka kacsan, waxayna lee dahay beer qurux badan oo dhir, doog iyo ubax ah. Ganjeelo cas oo bir ah ayaa laga soo galaa, dabadeed wadiiqo jay ah la raacaa ilaa albaabka looxa ah ee guriga la gaadho. Wuxuu ka kooban yahay kijo weyn, laba musqulood oo qubays leh, fadhi weyn, qol cunto iyo shan qol oo kale. Qol uu Negeeye seexdo iyo mid kale oo ay sariir weyni taal mooyee inta kale waxaa goglan furshaan iyo barkimooyin debecsan, halkaas ayaana hurdo iyo soojeedba lagu danaystaa. Dhawr nin oo isyaqaan ayaa joogto ku ah, laakiin dumarka maalin maalin ayaa loo beddelaa. Ta keliya ee ku raagtay waa Raxmo-Yarey oo adeegto ku magacaaban si walba se looga muraadsaday.

Filladaas ayaa waxii bad ka soo dega iyo waxii barri ka soo baxaba la isugu keenaa laguna burburiyaa. Qofkii raba in uu waasho qaboojiyaha iyo miisaskaba khamri baa uga buuxa, qofkii raba in uu marqaamo marduufyo dhaylo ah baa mafrishka daadsan, qofkii gaajo yar dareemana kijada ayaa heegan loogu yahay. Maxaa loo lee yahay dalku waa sabool? Waa dad baas oo dhanka xun uun wax ka arka. Inta bakhtiyaysaba la arag ee inta dheregtay maa la arko? Soomaaliya ha noolaato hana isku noolaato!

Qofka qaad lagu qabtaa waa xabbis, gaadiidka laga helo iyo guriga lagu gadaana waa xaraash. Laakiin diyaaradda ayaa keenta dawladduna waa ay og tahay. Maafiyo ayaa lagu naasnuujiyaa Madaxtooyada ku xidhan. Dalku cashuur ka ma helo dadkana waa ku qaali. Laakiin Fillo Adduun waxba ka ma qaaliyoobaan waxbana mamnuuc ka ma noqdaan. Waxii qaaliyooba qiimo kasta waa lagu gataa, waxii sharcigu diidana shaati garbo cas baa loo xidhaa. Balwad baa shidan beesana waa loo hayaa. Waxaa la fuushan yahay mawjad lacag ah oo si xun lagu helo si xunna ku baxda.

Filladaas ayaa maanta oo jimce ah sidii caadiga ahayd firaashan. Goortu waa fiid galabnimo ayaa se la fadhiistay. Xaafadi waxay xaafad ugu wareegtaa waa xasarade dhawrka qol midba xayn baa fadhida xaalkeedu u gooni yahay. Laba laba ayaa la isugu lammaan yahay. Qolka saddexaad ee bidix ka soo jeeda Negeeye iyo Diiriye ayaa laba gabdhood oo ay dhali karaan dhabta ku haysta.

Waa qol waasac ah, waxaana dhulka si qurux badan u yaal furshaan iyo barkimooyin. Dhexda waxaa qotoma miis yar ballaadhan laakiin dhulka u dhow. Quraarado khamri ka buuxo, miirow badan oo ay caleen muus ku duuban tahay maro cad oo nadiif ahina ku sii duuban tahay, iyo baakado sigaar ah ayaa miiska dul saaran. Waxaa dhinac yaal rikoodh weyn oo Panasonic ah, kaas oo ay luuqdii jacayl calaacalka ahayd ee Cumar Dhuule ka soo burqanayso. Qaad kale ayaa gogosha lagu fadhiyo ku furan oo ay ilaa galabta afarta qof si habsami leh u laan qaadayeen. Cabbitaanka quraaradaha ku dhaansan lagu degdegi maayo waayo duulka meesha lagu hayaa waa hablo yar yar oo habid u baahan.

Gelinkii hore, intii xanafta la isu qabay, sheekada waa la wadaagayay, laakiin goorahan waa la ka la soocmay. Laba waliba waxa ay isku qabaan waa u gooni oo qolka labadiisa gees ayaa barkimooyin buurbuuran lagu ka la lumay. Diiriye iyo yartiisii sida muuqata meel fiican ayay u maraysaa oo qosol ayay firixdu ka dhammaatay. Laakiin Negeeye tiisa fari ka ma qodna, waxaa ku soo hagaagtay mid geeso leh.

Isaga macawis keliya ayaa korkiisa ku hadhay, laakiin iyada weli hugeedu wuu u dhan yahay. Qubays mooyee weligeed si kale dhar iskagama ay wada bixin, wuxuuba u la mid yahay dubkeeda. Maanta ayaa la barayaa dubkeeda iyo dharkeedu in ay ka la laba yihiin. Sidii loo qaawin lahaa ayaa falkeed la hayaa. Faraha afartan jirka ah ee marba meel ka xadantaynayaa waxay marsan yihiin fal iyo maddiido aanay iska caabbiyi karin. Labaduba waa nooca loo la baxay dhaylo, ta Diiriye la fadhida ayaa se in kasta oo ay gu keliya weyn tahay gaangistarsan. Durba waa taas miirowgii iyo maaxdii isku muudsatay ee jirjircadka u taal. Tan kale bilawgii aad ayay u didsanayd, welina waa ay fiigsan tahay, laakiin xaalkeedu waa “Qofkii qayrkii loo xiirayoow adiguna soo qoyso”.

“Naa taadan yari, jaad uun baad afka ku haysaaye, ma waxaad tahay ri’dii Burco? Bal hoo bakeerigan farxadda la dhididaya dhabannada qabso”, waxaa ku yidhi Negeeye.

“Adeer iga dhaaf.” “Adeer? Ma aniga ayaad adeer igu lee dahay?” “Maxaan ku dhahaa hee?” “Gacaliye i dheh.” “Haye, gacaliye waxaan weligay ma cabbin ee iga dhaaf.” “Wax walba mar uun baa la bilaabaaye hoo. Saaxiibtaa waxa qosol ka dhacaya sow maqli maysid?”

“Qosol beele iga tag! Qoftaan waalatay ee maryihii xoortay maa qosol wax ka og?”

“Maryaha farxad bay la tuurtaye, nolol aadan waxba ka ogayn waalli ha ku sheegine, bal horta dhadhami.” “Iga tag, Ilaahow aanan dhadhamine!” “Ha iska habaarine bal horta tijaabi. Imisa jir baad tahay?” “Toban iyo shan.” “Ma toban iyo shan ku dhan? Nin la’aan baad la dhali wayday markaasaad sharoobo ka baqaysaa.”

“Sharoobo? Suntan maa sharoobo eh?”

“Yareey, dawada sun ha ku sheegin!” “Alla beentaa iiga daran aan habartay dhahay saaxiibtay aan la soo seexanaa.”

“Haddaba sow saaxiibtaa la ma joogtid?” “Haddii la joogo intee la joogaa? Saaxiibna ma aha ee waxan dhan ayadaa ii keentay. Wiilal fiican aan soo booqanaynnaa ku leheed! Saan maa fiicnaan eh?”

“Wiilasha naga fiicani xaggee bay joogaan? Maxay haystaan?” “Waxaan dhan filin aa ka roon. Wallaahi beeso shineemo ku galo haddii heesan lahaa cawada inta ma idinla joogi leheen.”

“Shineemada waxaa gala dadka aan guryaha waxba ku haysan. Maxaad u baahan tahay hadda aan kuu keenaa?”

“Wax kasta oon rabo ma ii keenee?” “Haa, wax kasta oo suurtogal ah.” “Aniga iyo saaxiibtay laba buug ma noo gadee?” “Laba buug oo maxay ah?” “Sheeko cusub oo la dhaho ‘Jeceelkii jin aa galay’?” “Wax yar baad sheegatay. Aniga ayaa jacaylkaa jinku galay idiin iibinaya. Waa ballan. Laakiin dhar badnidaa ma salaad baad ku jirtaa? Kulaylkiisa aan kaa bixiyo ee keen.”

“Alla maya adeer, waan ku tuugaa ii dhaaf.” “Sow ku ma aan odhan gacaliyahaaga adeer ha ku sheegin? Ma waxaad donaysaa in aan ku furo?”

“In aan ku furo? Oo shimeen isguursannay?” “Markii aad ii timid. Maba ogid miyaa?” “Aar kanaa! Haye, shimee i furee?” “Marka aan doono, imikaba ma ku furaa?” “Maya, saacaddan xaafaddii ma aadi karo.” “Haddaba aan dharka kulaylkiisa kaa bixiyee keen, adiguna aniga iga bixi.”

“Meeshanaa?” “Haa, meeshan. Ma cid aan saaxiibtaa iyo saaxiibkay ahayn baa ina arkaysa? Hadhowna qol kale ayaynnu labadeennu u guuraynnaa. Laakiin bal horta dharka iska fududee.” “Bacdeen qaawanaan maan joogaa?” “Maya, innaga ayaa isgashanayna.” “Innaga seen isu gashanaynaa dhar maan nahay?” “Aniga ayaa ku tusaya sida la isu gashado.” “I dhaaf! Dhaaf! I dhaaaaf!” Cabbaar ayuu xaaraamaha sidaas ugu doocdoociyay oo mar kaftan uga dhigay marna dhab. Wuxuu og yahay haddii uu balwad dhadhansiiyo in ay sidii qof maddiiddaysan agtiisa iyo aqalkiisa oggolaan doonto. Dhallinta da’dan ahina balwadda wax uga nugul oo sida ay wax walba ’ka war doon’ isu leh yihiin ayay af yaxaas galaan. Yartu waxan caawa oo dhan la daba wado, ee saaxiibaddeed jirjircadka u legday ee kaga qosliyay, may tijaabiso? Negeeye wuu farxay markii ay goor dambe soo debecday.

“Waa kaa yeelaa, laakiin waxii dhaca ad lee waaye.” “Waxba dhici maayaane intaa isdhaafi.” “Uf, waxa ur badanaa!” “Xaggee baad sharoobo udgoon ku aragtay?” “Akh, qaraar badanaa!” “Carrabka ha geline caadi u kabbo. Haa, sidaas. Ha soo tufin ee liq!” “Akh, akh, akh! Balaayada qaraar badanaa, armaan ku dhintaa!” “Xaggee baad ku aragtay dawo lagu dhinto? Mar kale kabbo. “Qux, qux, qux!” “Shifo! Qufacu waa caadiye mar kale kabbo.” “Alla ceeb badanaa! Cawadaan u darnaa aan aalkolo cabay!” Miiskii ayuu Negeeye tiigsaday oo cajaladdii Cumar Dhuule mid Maamed Mooge ah ku beddelay. Iftiinku wuu gamaarsan yahay, wuxuu se dirqi ku arkay Diiriye iyo yartiisii oo inta ay cidhifka ugu fog ee qolka isku la durkeen laabta isku haya oo isku juuq daayay. Laba xabbadood oo sigaar ah ayuu soo shiday oo mid isagu nuugay midna inantii dibnaha u geliyay.

“Imika sow maad kululaan? Keen haddaba dharka kaa yareeyee”, ayuu ku yidhi.

“Sug nooh adiga, see waaye! Aaa! Adiga jinni maa qabtaa intee noo qaniinee!”

“Ma dhunkashada ayaad qaniinyo u taqaan?” “Ilkaha maa la isku dhunkadaa?” “Wax walba waa la isku dhunkadaaye aamus oo adiguna i dhunko.”

“Horta carrabkaaga naga dhaaf. Tartiib nooh adiga, waxaaga xoog waayee!”

“Usuus!” Ilaa muddo dheer ayaa la durduuranayay, cosobkana la mayracanayay. Goor ay saacaddu tahay kowdii habeennimo ayay baroor gabdheed deriska intii seexatay toosisay intii soo jeeddayna dhego barjaysay. Waa labadii gabdhood oo iyaga oo aan cagaha isku taagi karin carrabkana ceshan karin Fillo Adduun horteeda galgalanaya. Labadii nin oo aan iyaga qudhooda hablaha dhaamin ayaa la legdamaya, marbana derbi ku la dhacaya, oo isku dayaya in ay guriga ku xereeyaan. Gabdhuhu miyir iyo muruq toonna ma hayaan laakiin waxay diidayaan in ay guriga galaan. Mid baa aad u ooyaysa oo cod daallan ku leh:

“Adeeer… adeer… waaa… ku tuuugaaa… tagsi… isaar… imti… imtixaankii… habartay… waan… ballanqaaday… inaan baaso… faraha iga qaaad…”

Nacnac! Faduushii Filla Adduun soo gelisay ha ka saarto! Meesha ma waxay moodayeen malcaamad Qur’aanka lagu barto?

Negeeye iyo Diiriye waa ay feedho qaawan yihiin, qaarka hoosana laba macawisood oo fadhigii badnaa ku jactaday ayaa kaga duuban. Inta ay habluhu ooyayaan iyaguna waa ay duryamayaan oo waxay diiddan yihiin naagahaa yaryar ee kharashka iyo waqtiga badan ka lumiyay in ay habeenkii oo intii badnayd hadhay guryihii hooyooyinkood isaga hurdo doontaan.

“Gurigayaga ma waxay moodayaan mawlac qofka meel kale waayaa u soo nolol doonto marka uu cokanaadana ka carraabo?” ayuu Negeeye ku dooday.

“Denbiga oo dhan adiga ayaa leh, naago yar yar oo casarka soo xareediya cawayskana carrabka ceshan kari waaya wax badan baad aragtaye maxaad ugu oggolaatay in ay soo baxaan?” ayuu Diiriye saaxiibkii ku hiifay.

“Balaayo ku dhacdaygu goor ay soo baxeenba ma anigaa ogaa.” Dad badan oo deriska ah ayaa meeshii ku soo xoomay. Negeeye iyo Diiriye waxay isku dayeen dhawrkii qof ee ugu soo horreeyay in ay ka la diraan.

“Naga taga! Naga ag dareera! Guryihiinna miyaanu idiinku nimid? Naga qaada shoobbaraha.”

Laakiin marka ay dadku soo bataanba xanaaquna wuu sii badanayay. Diiriye wuxuu isku dayay arrinta in uu qaboojiyo, oo xataa markii dambe wuxuu oggolaaday haddii ay habluhu diideen in ay guriga ku noqdaan in uu tagsi saaro. Laakiin yartii weli waa ay ooyaysaa, taasina dadkii meesha ku soo ururay ayay kaga xanaajisay, gaar ahaan markii la ogaaday gabdhuhu in ay sakhraansan yihiin isla markaasna imtixaan iyo dugsi u barooranayaan.

“Waa kuwaas kuwa dalka qarribay dadkana fasahaadiyay. Bal inta ay laala’eg yihiin iyo waxa ay carruurta ku dullaynayaan eega! Dulli Alle idin bad!” waxaa ku haaraamay oday codkiisa xabeebtii hurdada uu ka soo kacay laga garanayo oo go hullaaban.

Intii aanay Negeeye iyo Diiriye hadalka odayga ka jawaabin ayay cay iyo canaan kale sida hogosha ugu hooreen.

Dadka Filla Adduun ku tunta iyo deriska aqooni ka ma dhexayso, ismana dhex galaan, xataa isma salaamaan. Laakiin intooda waxay u furan tahay ogi nacayb badan ayay u qabaan.

Dhawr eray oo canaan ah markii la isweydaarsaday ayay xiisaddu cirka isku sii shareertay, Negeeye iyo Diiriye ayaa sida Buurta Carrafa dhagax la huwiyay. Iyaga oo nabarro qaba markii ay gudaha u yaaceen filladii oo dhan ayaa isu dayaantay. Quraaradihii daqaadaha oo dhulka u daadanaya ayaa la maqlay, ganjeeladii ayaa la gilgilay kooxdii gudaha ku jirtayna kabash kabashtii ayaa ka dhammaatay oo marba qol ayay isu dabo yaaceen. Dadka meesha ku jira waxaa ka mid ah Negeeye iyo sarkaal kale oo bastoolado ku hubaysan.

“Iska fadhiya, iska fadhiya idinku, bani aadan kibiray aniga ayaa shaqadooda aqaane”, ayuu Negeeye martidii u sheegay, nabar dhafoorka kaga dhacay inta uu dhiig ka masaxay ayuu bastooladdii la soo baxay oo cabbaystay.

Inta uu mar kale ganjeeladii furay ayuu dadkii oo dhagax la soo tuban laba xabbadood cagaha u geliyay. Kabtaydii meeday ayaa ka dhacday, iyaga oo orodkii isa sii dul fuulaya ayuuna sii daawaday. Labadii gabdhood ee muranku ka bilawdayna dadkii yaacay ayaa hore u sii jiitay.

Habeenkaas ayaa dadkaa masaakiinta ah ugu dambaysay in ay filladaa barakaysan ku soo xad gudbaan.

***

Raxmo waxay ugu dambaysay gabdho badan oo adeegto ka soo noqday Filla Adduun, kuwaas oo ay mid waliba maalmo yar gudahood shaqada ka carartay. Dhammaan waxay ka argaggaxeen xayodarrada meesha ka socota, iyo isla markaas ragga aan xishoodka aqoon ee Negeeye ugu horreeyo, kuwaas oo inta ay kijada ugu galaan kor iyo hoos meesha ay gacantoodu gaadhi kartaba gaadhsiiya, wax aanay u soo shaqo teginna ka qalqaashada. La ma tirin karo inta gabdhood ee sababtaas shaqada kaga tagtay. Laakiin Raxmo waa ay ugu miskiinsanayd ama ugu dulqaad badnayd.

Da’deedu waxay ahayd toddoba iyo toban jir, laakiin ka ma ay dheerayn mitir iyo afartan, culayskeeduna afartan wuu ka hooseeyay. Waxay ku dhalatay Afgooye, iyada oo sagaal jir ah markii ay hooyadeed dhimatay ayuu aabbaheed Xamar ku guursaday naag kale oo Raxmo aad ugu darrayd. Nolol silic leh oo guriga aabbaheed ee aan laga jeclayn iyo ka habaryarteed ee faqiirka ah u dhaxaysa ayay ku soo kortay. Weligeed dugsi ma ay dhigan, iyada oo kow iyo toban jir ah ayayna markii ugu horreysay adeegto noqotay taas oo ay habaryarteed u soo heshay. Markaa ka dib dad ka la duwan ayay xirfaddaa ugu soo adeegtay, kuwaas oo ay qaarkood ka soo martay waayo’aragnimo xun.

Qurux lagu ammaano ma leh, laakiin dadkeeda waa ay iskaga dhex jirtaa. Gaabnaanta iyo lafo yaraanta dartood jeer wejigeeda la arko waxay u eg tahay ilmo yar. Waxay nolosha kaga riyootaa oo keliya nin jeclaada oo guursada kana saara adeegtonimada. Laakiin nin gol qabateeya mooyee mid guur ka la hadla waxaa ka jiray oday lixdan jir ah, kaas oo ay qoyskiisa beri adeegto u ahayd. Isagana shaqadiiba waa ay uga carartay iyada oo leh: “Duqaan quxuubka ah fiiri! Aniga qof oo isnacday maas ii malaynaa?”

Guriga Negeeye waxa ka dhaca iyo dadka isku roorsada iyadu ma jecla laakiin dan ka ma gasho. Iyada oo heeso hindi ah iyo kuwo banaadiri ah marba mid qaadaysa ayay shaqadeeda si daacad ah u gudataa, taas oo ka kooban cunto kariska, nadaafadda iyo u adeegga dadka halkaa ku laacdama. Habeenka ay shaqada ku daahdo ama aad u daallan tahay waxay isaga hoyataa qolkaa kijada ku xiga oo ay kuwii iyada ka horreeyayna seexan jireen. Hawsha gurigu ha iska dhib badnaato, jawigana ha ku diiqadooto, laakiin dhaqaale ahaan raalli ayay ka tahay oo mushaharkeedu adeegto ku ma xuma, dadka guriga ku tuntana dhacdhac ayay ka heshaa. Iyaguna Raxmo-Yarey ayay u la baxeen oo waxay ku jecel yihiin daacadnimada iyo dhego nugaylka.

Maanta martidu waa ay badnayd, hawshuna waa ay cuslayd. Saqdhexe ayay Raxmo iyada oo aan daal isqaadi karin furaashkii qolkeeda dhulka yaallay isku tuurtay. Iyada oo aan dhinaceedu gogosha gaadhin ayay gama’day. Laakiin dadkii iyagu weli waa ay bulaamayaan oo cawayskooda fari ka ma qodna. Goor dambe iyada oo hurdo mayd uga dhow, ilayskuna u dansan yahay, ayay ku toostay gacmo waaweyn oo jidhkeedii yaraa dhan walba u xulaya, timo qodxo la moodo oo dhabanka ka mudmudaya iyo neef ay sigaar iyo khamri ka buuxaan.

“Yaa waaye?… Yaa waaye?…” ayay ku qaylisay iyada oo argaggaxsan.

“Usuus! Raxmo, waa Negeeye ee aamus!” “Adiga ma waalatay, Negeeye? I dhaaf, i dhaaf, iga kac aniga gurigaaga haddaan kaaga baxaaye…”

“Ramxo, miskiinnimada iska daa, kaniba waa gurigaagii ee xaggee baad ka aadaysaa”, ayuu ku yidhi, isaga oo isla markaa yartii sidii libaax sagaaro qabtay laabta gashaday dharkii yaraana midba dhan uga tuuray.

“I dhaaf aniga, i sii daa aan ku dhahay. Iga kac! Waa i xoogee miyaa? Alla aaboow!…”

Iyada oo sidaas u cataabaysa ayuu ka dan dhammaystay. Kuwii kale markaas waa ay wada hurdeen, haddii se ay qaylada iyo baroorta Raxmo ku toosi lahaayeen sakhrad iyo qaaddiro ayay la daateen oo dadka xabaalaha ku jira ka ma duwana.

Markaa ka dib wuxuu bilaabay in uu maslaxo oo ku yidhaahdo: “Raxmo, maxaad la ooyaysaa, wax naag lagu sameeyo wax ka badan miyaan kugu sameeyay? Waan ku jecel ahay, haddii aad rabtidna waan ku aroosaa, gurigan aad ka shaqaysana adiga ayaa yeelanaya.”

“Arooskaagana ma rabee i dhaaf aniga”, ayay tidhi oo sii ooyday. Raxmo-Yarey caawa ayaandarro u dhimani ma jirto. Nolosheeda wax qiimo u leh oo ay ilaashato waxaa ka jiray gabadhnimadeeda oo ay aad ugu soo faro adaygtay, cadaw badanna ka soo badbaadisay, tiina waa taa caawa balaayo hurdada ku miratay. Habaryarteed iyo aabbaheed haddii ay u dacwooto maxay u qaban karaan? Muraayada yar ee ka burburtay miyaa ay u soo kabkabi karaan? Dawlad loo dacwoodaa ma jirtaa? Oo dawlad aan Negeeye ahaynba ma iyadaa taqaan. Ilaahayoow aniga sidee yeelaa? ayay ku calaacalaysaa. In ay mustaqbal la’aan tahay, cid wax dambe ku falaysaana jirin, ayay hubtaa. Qalanjadii hindiga ahayd ee webiga isku ridday ayay soo xasuusatay. Anigana in webi isku rida waaye, nolol maa ii hartay? ayay ku fekeraysaa.

Aroortii xigtay dadkii qolka cuntada u soo quraac doontay waa ay ku hungoobeen. Raxmo-Yarey sidii xalay ayay sariirta uga ooyaysaa. Negeeye ayaa iyada oo halkii duuban u soo galay, oo inta uu sariirta dacal kaga fadhiistay mar kale sabaalin u galay.

“Raxmo, sidaas ayaad ii neceb tahay miyaa? Qoftaadii jacaylkeedu iga batay, ee aan rabay in aan arooso, ee aan iyada darteed naagihii kale oo dhan u la hadli waayay, miyaa sidaas ii neceb?”

“Jeceelkaagana ma aqaane ammaan lee aan kaa helo. Jeceel ku lahaa! Xoog maa jeceel eh?”

“Raalli ahow, Raxmo. Ii sheeg abbaayo wax aan kuu qabto. Maxaan kuu soo gadaa? Waxaad rabto maanta afkaaga ka sheego.”

“Waxaan kaa rabo ma leh ee mar leh ammaan i sii.” “Bes waaye, anigaa haddaba wax fiican kuu soo gadaya oo kaaga farxinaya, naag aan adiga ahayna ma guursanayo. Okeey?”

Maalintaas gelinkii dambe markii uu Negeeye guriga ku soo noqday Raxmo-Yarey geed beerta ku yaal ayay hooskiisa fadhiday oo dhabanka iyo gacanta isku haysay. Taa wuu ku farxay, waayo awal wuxuu ka baqayay in ay aabbaheed iyo habaryarteed u cararto oo fadeexadayso. Maxay carartaa in ay nooshahayba ma iyadaa isu haysata. Wuxuu mar kale bilaabay in uu maslaxo, wuxuuna siiyay iskujoog uu u soo iibiyay oo ka kooban garbosaar, guntiino iyo kabo. Cabbaar kale ayuuna sii maslaxay.

“Wax ma ku warsan karaa?” ayay goor dambe u tidhi si lamafilaan ah.

“Haa, waad i warsan kartaa.”

“Waa ku aroosaa ma dhihinoo?” “Haa, i ma rumaysnid miyaa?” “Shimee hee?” “Marka aan hawlo iga ka la daadsan isku hagaajisto.” “Habaryartay Iisho ma u sheegi karaa?” “Raxmo, adiga maxaad dabbaal isaga dhegee? Dadka aan gabadhooda guursanayo in aan anigu u tago oo lacag u geeyo oo wayddiisto ma ahoo? Marka aan diyaar noqdo aniga ayaa si sharaf leh ugu tegaya ee adigu cidna ha la soo qaadin, yaa?”

“Gabarnimadeeydii adaa ku dheeshay, nin kale oo sidan igu rabana ma leh, ee waa ku aamminaa, yaa?”

“Bes waaye, i aammin, boqolkiiba boqol.” Weli beerta ayay joogeene inta uu laabta ku qaatay ayuu sariirta qolkiisa la tegay, oo isaga oo in uu ninkeedii yahay ku sasabaya ka haqab beelay.

Maalintaas ka dib sidii ay xaas u tahay ayuu marka uu doono ku jimicsan jiray. Iyaduna far ma dhaqaajiso oo haddii ay diidi lahayd waxay ka baqday guurkii uu u ballan qaaday in uu kaga baxo. Ma ku rabee bax haddii i dhaho intee aadaa? Qof oon gabar eheen yaa rabo? Maya, ma ku dhahaayo. Ilaahoow ha i ceebeen! ayay mar kasta ku fekertaa. Sidaas ayay rajo ku nool u ahayd, markaa ka dibna shaqada guriga adeegto ahaan u ma gudato ee gurigeedii ayay ka dhigtay.

Qaybta ay jimanku ku xeroodaan in ay shaqo u tagto mooyee wax kale ku ma darsato, marka ay wax geynaysana albaabka ayay garaacdaa oo ka dhiibtaa. Wax walba se waa ay la socotaa oo marar badan ayay indhaheedu la kulmeen rag iyo dumar candhooyin qaawan isla dhex fadhiya oo Negeeye ka mid yahay, dabadeed yaxyax dib u la carartay.

Waa ay ka masayrtaa naagaha uu Negeeye wadwado, marka ay isaga ka la hadashana sidii qof dhaandhaamad ah ayuu ugu sheegaa in ay wada qayilaan keliya ee aan wax kale ka dhexayn. Iyadu runta waa ay og tahay ee in ay ku qayliso ama canaanato ayaanay ku dhicin. In uu ku xanaaqo dabadeed guriga ka eryo guurkana kaga baxo ayaa wax walba kaga daran.

Waa ay la yaabban tahay dadkan aan isqabin ee habeen iyo maalin sidaas isu dhex fadhiya. Dadkaan yaab waaye! Noloshooda dhan saan miyaa? Dad oo waaweyn waayee ma isku sheexaanoo? Jaad leh cunoowyiin, beesadooda wax kale ma ku gataanoo? Heesahooda dhanna af baadiye waaye oo wax ma laga fahmooyo. Kan oo Diiriye la dhahaayo aaba iigu daran. Faras aa tahay ku ma lahoo! Faras Alle kaa dhig, ree baadiye waaxid! Qof dhan oo bani aadan eh aas faras ku sheegaa!

Waxay ujeeddaa Diiriye oo isaga oo doonaya in uu ammaano maalin ku yidhi: “Waxaad tahay faras.”

Negeeye marmar ayuu Raxmo isku maaweeliyaa ama marka aanu wax dhaamo haysan ayuu naf ka dhigtaa ee macne kale uguma fadhido. Laakiin iyadu waa ay isu dhiibtay oo marka uu waqtigu sii durkaba rajada guurka ayaa u soo durkaysa. Maalin iyada oo qado karinaysa ayay madax wareer iska dareentay, haddana yalaalugo, ka dib hunqaaco ka wareegtay. Waxay yeelatay uur. Iyada oo welwel iyo baqdin la kurbanaysa, dhanka kalena rajaynaysa xaaladda cusubi in ay guurka u soo dedejiso, ayay arrinta Negeeye u sheegtay. Isaguna shiddaba isma uu gelin ee wuxuu bishaaro uga dhigay:

“Waxba ma aha, berri ayaan dhakhtar kuu geynayaa oo lagaa soo tuurayaa.”

“Lagaa soo tuuraa? Maxaa jira, ilmaheennii maa hinoo maxaan isaga tuureeynaa? Hore lee maan iska aroosno?”

“Maya, Raxmo, hadhow labaatan ilmood haddii aad rabtid dhal, laakiin hadda inaga dhaaf. In aan diyaar garoobo oo aroos fiican oo la isu sheego inoo dhigo ayaan rabaa.” “Bes waaye, waa ku aamminaa.” ***

Beryahaas oo dhan labadii sarkaal ee isaammini karaaba fursadda ay helaan iyo fadhiga ay ku kulmaan waxay kaga doodi jireen sida uu ugu suurto geli karo afgembi ay talada dalka ku qabsadaan. Mid waliba wuxuu rumaysnaa isaga oo habeenkaa muufo ku casheeyay maalinta xigta in uu dhaylo ku qadayn karo, isaga oo ay shaqo la’aan cadceeddu ugu dhacdayna wasiirnimo iyo xataa madaxweynenimo ugu soo bixi karto. Meeshu waa Afrika, waa Soomaaliya, wax kastaa waa suurtogal sida aanay waxba suurtogal u ahayn.

Sarkaal waliba wuu ogaa in ay habeen walba jiraan boqol qorshe iyo shirqool loo diyaarinayo ka takhalluska taliska iyo qabsashada maamulka dalka. Sidaas awgeed waa in uu u digtoonaadaa ilaalinta fursaddaa iyo ka mid noqoshada hoggaanka cusub, haddiiba aanu noqon hoggaamiyaha cusub. Ninkii seexda ayuu sacii dibi dhalay. Laakiin doodda iyo riyada nimankaasi waxay u badnaayeen kuwo quus ah oo ay waqtiga adag iyo dulmiga ay badankoodu tirsanayeen kaga madaddaalan jireen.

Saraakiishaas oo badankoodu lahaa caado bulshada soomaalida ku cusub taas oo ah khamri cabnimo, had iyo jeer goobaha khamriga lagu cabbo iyaga ayaa u badnaan jiray, waxayna badankoodu gaadheen heerka sakhraan. Taa darteed qorshayaashaa joogtada ah ee afgembigu waxay badanaa ka bilaaban jireen kuna dhammaan jireen miiska ay quraaradda cawaysku saaran tahay dushiisa. Laakiin mar kasta waxaa jiray meelahaa badan ee lagu riyoodo meelo ka mid ah iyo raggaa badan ee riyooda qaar ka mid ah oo ay arrintu dhab ka ahayd, Maxammed Siyaadna taas wuu ogaa, Negeeye isaguna wuu ogaa.

Laakiin dhalanteedkaas sakhraansani ma ahayn rajada keliya ee uu Negeeye mustaqbalka ka qabay. Barqo kasta marka uu hurdada ka kaco ugu horrayn wuxuu Xiddigta Oktoobar ka indho indhayn jiray bal wax isbeddel ah oo intii uu hurday siyaasadii dalka ku dhacay. Laakiin isbeddelka keli ah ee joogtada ahi wuxuu ahaa dad shaqada laga eryay iyo dad kale oo shaqo la siiyay, iyo isku shaandhayn wasiirrada iyo guddoomiyayaasha gobollada lagu sameeyay. Wasiirro shaandhayntaa iyo dallacaadahaa joogtada noqday, in kasta oo ay qiimo beeleen ka dib markii macno cusub laga waayay, waxaa qunyar qunyar u bilawday xiise ay dad badani arrinta u hayaan. Qof walba waxay rajo ka gashay in maalin uun isaga oo meelahaas iska lugaynaya uu raadiyowga ka maqlo mid ka mid ah jagooyinkii xaraashka ahaa in loo magacaabay.

Dad aan weligoodba la maqal ayaa wasiirro noqday. Nin isaga oo Xabsiga Dhex fadhiya ama dil ku xukuman wasiirnimo loogu bishaareeyay, mid isaga oo qurbaha daroogo ku gadaya dalkii uu joogay danjire looga dhigay, nin isaga oo tagsi wada agaasime loo magacaabay, iyo xataa nin isaga oo geel shubaya gobolkii uu joogay guddoomiye looga dhigay, intaba waa la arkay. Markaas yaa looga nasiib badan yahay? Qof waliba in uu hawada ka sharraxnaado sow xaq u ma leh?

Negeeye wuxuu rumaysnaa in aan taa cidina kaga xaq lahayn, mar haddii uu magaciisu xafiiska madaxweynaha yaalna inta aan toogasho loo taagin uu dallacaad u taagan yahay.

Taas oo jirta haddana wuu ogaa qofka jago cusub lagu maamuusayo in looga baahan yahay laba shardi: in uu dabaysha xilliga la haysto oo danayste yahay, iyo in uu tolkii taageero ka keeni karo. Shardiga hore waa mid qof kasta oo bililiqada diyaar u ahi ka soo bixi karo, laakiin waa qodobka labaad ka ay tahay in uu Negeeye dib uga fekero. In kasta oo aanu isagu deeq iyo dood midna tolkii ka la masuugin, haddana sidii uu yaraantii uga caasiyoobay xushmad badani ka ma dhaxayso. Maanta lacagta iyo derajada yar ee uu haysto ayay ugu hamranayaan, oo xafiisyada la isugu qolo sheegtay ayay kaga danaysanayaan ee wuu og yahay maalinta ay intaa ka waayaan in ay salaanta la dhaafayaan, sidii ay u la dhaafi jireen markii uu agoonka ahaa.

Si kasta ha ahaatee wuxuu ku tashaday in uu xoojiyo xidhiidhka uu reerka la lee yahay, wuxuuna bilaabay in aanu sina uga baaqan kulammada ay isugu yimaaddaan, mararka qaarkoodna uu qudhiisu taa abaabulo. Awal isaga oo gurigiisa iska jooga ayaa qaadhaanka loo la iman jiray, laakiin markaa ka dib wuxuu bilaabay in uu qudhiisu hawshaa hormuud ka noqdo.

Negeeye iyo intii la nooca ahayd iyaga oo xaaladdaa doqonta ah iyo majaajilladaa liidata ku jira ayuu waqtigii dhammaaday, laftii la xaganayayna xabaal ku dhacday.

Barqo uu hurdadii uu ku daahay ka toosay, weli se aanu sariirta ka kicin, ayuu telefoon soo dhacay. Guriga keligii ayaa joogay, wasiirnimadii uu sugayayna wax xalay ka suurto galay weli warkeedii ma hayo. Wuu ogaa madaxweynuhu in uu dalka debedda kaga maqnaa, sidaas oo ay tahay haddana markii uu telefoonka maqlay si firfircoon ayuu ugu soo booday. Waa janaraalkii Abbaanduulka.

”Xaalad dagaal! Soo lebbiso oo soddon daqiiqo gudahood Rugta Saraakiisha ha lagaa helo!” ayaa la amray.

Xaalad dagaal! Fekerkiisii ugu horreeyay wuxuu ahaa in afgembi dalka ka dhacay, taas oo ay ku xoojisay maqnaanshihii madaxweynuhu. Baqdin aan weligii hore u soo marin ayaa dabooshay. Wuxuu maskaxdiisa ka daydayay sabab kale oo xaalad dagaal abuuri karta, laakiin ka ma helin. Ma Itoobbiya ayaa soo duuli karta? Waa maya. Ma mucaaradkii baaba’a ka ma dambaysta ah qarka u saarnaa, ee idaacaddii xumayd dhowaan laga qufulay xeryahoodiina oodda loo jiiday, ayaa Xamar soo geli kara? Iyaduna waa maya. Maxaa haddaa jira? Cabbaar ayuu kursigii ku sii fekeray oo dhidid labada dhaban ka masaxay.

In afgembi dhacay shaki ku ma jiro, yaa se ka dambeeya? ayuu iswayddiiyay. Saddexdii qabiil ee madaxnimada iimaanka lagaga qaaday iyo saraakiishii ugu firfircoonayd ayuu maskaxda ku soo ururiyay, oo mid mid waraysi u la yeeshay, laakiin wuxuu helay jawaabo isku dardarsan oo aan dhan loo raaco lahayn. Sida ay doonto ha ahaatee wuxuu rajeeyay in ay noqdaan koox wax u oggol, ugu yaraan nolol u oggol.

Sidii uu amarku ahaa in uu degdeg isu xaadiriyo wuu goostay, wuxuu se ka fekeray in uu arrinka si kale uga xog doono. Cabbaar ayuu dhakada salsalaaxay dhafoorkana xoqxoqay, ilaa uu helay fikrad uu u riyaaqay. Saaxiibbadii muu waco? Haa, oo horta habaarqabayaashii maad ka war doontid? Kii ugu horreeyay wuxuu kaga war helay: “Telefoon degdeg ah ayaa ku soo dhacay oo Rugta Saraakiisha ayuu u cararay.” Kii labaadna: “Xalayba guriga u ma soo hoyan.” Awalba kaasi wuxuu ahaa sakhraan dibjir ah, ayuu ku hiifay.

Raggaas uu telefoonka ku waayay in ay seeftii hore la tagtay ama ay kuraastii ugu sarraysay ku fadhiisteen ayuu u maleeyay. Intii aad hurudday ayaa noloshii dhib iyo dheefba la qaybsaday, ayuu ku fekeray. Degdeg ayuu dirayska u boobay, fatuuraddii oo maalmahan cillad tuumbada qiiqa ah u fadhiday ayuu furaha ku rogay shokaantana boobay. Guuxeedii xumaa ayaa madax xanuun ku sii kiciyay. Weligaaba cabaad ee aniga Shiirkole uun i gee, ayuu niyadda kagala hadlay. Maanta ayaaba isugu keen dambaysa, adiga ayaa dhimanaya ama aniga. Sidii haash sigaar ayaan ku tuuri, oo TOYOTA XL ah ama Laankuruusar la soo bixi, ama adiga ayaa sidii fulay ay fallaadhi faraskii ka xoortay i tuuri, ayuu baabuurkii sidii wax garaad leh ugu la hadlay. Naftiisa welwelku ka buuxay ayuu ku madaddaalinayay.

Intii uu sii xiimayay wuxuu arkay dhaqdhaqaaqii magaaladu in uu caadi u eg yahay, waxa ay se indhihiisu ku dhaceen dhawr jiib oo aad u dheeraynaya. Saaraakiishii baabuurtaa saarnayd haddii uu wax wayddiin lahaa la isuma hakan hadalna la isla ma haleelin. Waxay ahayd maalin aad u kulul, hoglihii guga ee maalmo yar hortood Xamar ku daatayna waxaa ka dambeeyay hanfi iyo habaas.

Markii uu soo gaadhay Rugta Saraakiisha, saacaddu waxay dul saarnayd sagaalkii iyo labaatan daqiiqo, waxaana markiiba welwel hor leh ku abuuray, in wax weyni jiraanna dareensiiyay, saraakiil badan oo irridka isku garbinaysay. Mucaaradkii hubaysnaa baa Burco qabsaday.

Jimcihii dagaalku Burco ka dhacay sabtidii xigtay Xamar waxay u ekaatay xero millateri. Waxaa waddooyinka is’hor iyo dabo marayay saraakiil lebbisan oo jiibab iyo baabuur kaleba saaran. Mar keliya ayay Xamar u ekaatay Hargeysa, taas oo reer banaadir ku cusbayd kuna xasuusteen siddeed iyo toban sano ka hor maalintii ay askartu talada qabsatay.

Maalintii dambe ee uu madaxweynuhu soo degayayna sagaalkii barqannimo ayaa Xamar meel walba ciidammo hubkoodu u dhan yahay la dhigay. Waddooyinka intooda badan waa la xidhay. Gaar ahaan waxaa ciidammo lagu taxay inta u dhaxaysa Garoonka Dayuuradaha iyo Madaxtooyada. Saddexdii ayuu madaxweynuhu soo degay, laakiin ilaa afartii waddooyinku waa ay sii xidhnaayeen. Shaqaalihii, ardaydii iyo dadweynihii damcay in ay xaafadahoodii ku noqdaan waxaa u suurtoobi wayday in ay wadada dhanka ay ka joogeen mooyee dhinaca kale uga gudbaan.

Qorraxdu waxay u egayd in ay gubista soomaalida ka qayb qaadanayso, cirkana daruur lagu ma oga. Dabadeed sidii xoolo ay qorraxi lamadegaan ka heshay ayaa haraaryo la isla tubay. Ma aha markii koowaad ee ay dadku go’doon iyo dhibaato noocan ah la kulmaan. Muddadiiba mar waxaa dalka yimaadda mid ka mid ah kelitalisyada kale ee ay kan saaxiibka yihiin. Markaas ayaa dadka inta ubaxyo iyo caleemo loo dhiibo khasab waddooyinka lagu tubaa, loona egaysiiyaa in ay dad la jecel yahay soo dhoweynayaan. Taas ayaa la yaqaannay, waxaa se cusub in imaatinka ama dhoofka madaxweynaha nolosha magaalada loo xayiro.

Ugu yaraan toban daqiiqo waxaa socotay baabuur aad u dheeraynaysa oo ay madaxi saarnayd iyo jiibab hubaysan. Baabuurtaas waxaa laga dhex halacsaday Mersedes-Benz madow oo calanka Jamhuuriyaddu ka babbanayo, kaas oo la isu sheegay in uu Maxammed Siyaad Barre saarraa. Laakiin habeennimadii magaalada waxaa soo galay war lagu kalsoon yahay oo sheegaya kaasi in aanu isagii ahayn ee uu xaajiyad khamsiin xaabo sidda waddada 21 Oktoobar ku maray, halkaasna Afsiyooni ka galay. Dad badan ayaa isku raacay in ay indhahooda ku arkeen oo uu gashanaa dharka kuuliga.

***

Dagaalka sokeeye sidii uu uga soo daray nabadgelyada maamulku, siiba ta madaxweynuhu, waxay ahayd xasaasi. Digtooni badan iyo dadaal hub iyo hanti labadaba leh ayaana taa lagu bixin jiray. Saraakiil badan ayaa xabsiyada lagu guray, kuwo kale oo badanna waxaa loo sheegay in aanay guryaha ka soo bixin. Laakiin Negeeye wuxuu ka mid ahaa intii la aamminay. Sannadkaa markii la soo gaadhay bishii oktoobar ee Kacaanku u dabbaal degi jiray isaga oo gaashaan cas labada garab ku sita ayuu horjooge ka ahaa mid ka mid ah xoogaggii madaxweynaha gaardiga ku hor maray. Cutub xashiish ah oo soomajeeste laga metelay laakiin ardaydii gurmadka ah ayuu ahaa cutubkaasi.

Mar haddii uu ciidan soomajeeste ku magacaaban watay isaga ayaa cid fagaaraha soo marta ugu dambeeyay. Markaa waxay ahayd goor dambe oo aad u kulul, waddada gaardigana waxaa daboolay dhaandabaggaalle oo dhidid badan ayaa dhulka u daadanayay.

Laakiin Negeeye ma uu damqan ee wuuba qiiraysnaa. Wuxuu xasuusnaa in ay tahay munaasabaddii dadka ka dhigtay, ee dhawr iyo toban sano hortood ku dhalisay in uu askari noqdo. Taa miyaad ku qaldanayd? Maanta cid ku nolol dhaanta dalka miyaa ay ku badan tahay? Waxaa labadaada garab ka casi sow gaashaan ma aha? ayuu ku fekeray.

Isaga oo cagaha oo durbaanka la socda xoog dhulka u la dhacaya, oo codka soomajeestaha ku cabaadaya, ayuu si abaalgud u eg madaxweynaha salaan sharaf kulul u siiyay. Salaan sharaf magaca ayuun baa isaga baxay ee ma ay ahayn meel sharaf leh iyo maalin sharaf leh toonna.

Habeenkii xigay Negeeye waxaa lagu casumay xaflad lagu qabtay Rugta Saraakiisha oo ay madaxweynaha, madax kale oo badan iyo boqollaal saraakiil ahi ka soo qaybgaleen. Magaca ayuun bay xaflad ka ahayd ee xafladna ma ay ahayn. Khudbado dhaadheer oo been, ammaan iyo fulaynimo ka dibbirsan markii cabbaar la daldalay ayaa billado geesi iyo dallacaado la qaybsaday. Madaxweynaha ayaa gacantiisa ku qaybinaya isagana qaar baa la siinayaa. Negeeye habeenkaa wuxuu dallacay xiddig kale, wuxuuna noqday gaashaanle dhexe.

Kulanka madaxweynaha ee habeenkaa Negeeye waxaa u xigay koodii u horreeyay ee ahaa berigii uu dhibbooga ka baxay. Berigaa waxaa ka muuqday xoog iyo caafimaad, iyo weliba niyadsami. Laakiin caawa waa oday isku daatay oo la moodo in welwelkii iyo baqdintii dunida oo dhan keligii dusha laga saaray, caafimaadkiisuna wuu liitaa. Markii uu gacanqaaday wuu ka naxay qabowga iyo jileeca la moodo qof mayd ah. Haybaddii iyo buruudkii ma leh. La mid ma aha kii berigii Negeeye saamaynta yaabka leh ku yeeshay. Saamaynta keliya ee uu maanta cid ku yeelan karaa waa qabyaalad, dil iyo dumin.

Markii billadihii iyo dallacaadihii macnodarrada ahaa la qaybsaday ayaa casho hilib geel u badan loo jeestay, dabadeed markii la dhergay la ka la yaacay. Iyada oo findhicil waaweyn bidix iyo midig loo tuurayo ayaa mar kale sida ayaxa dalka lagu figaasay.

Negeeye beryahan tumasho ayuu iskaga jiray oo adduun wuu illaawey. Kulankan uu caawa madaxweynaha iyo saraakiisha kale ku la kulmay wuu ku baraarugay. Araajidii shaqo ee uu madaxweynaha u dirtay jawaab ka ma hayo. Xamarta jaan sow adigan ku habsamay, ayuu ku fekeraa. Caawa laga bilaabo waa gaashaanle dhexe, yaa se maanta waxaa qiimeeya. Dadkuba waa wada gaashaanle dhexe iyo janaraal. Derajo awalba xaaraan ahayd haddii aan lagugu naasnuujinayn maxay taraysaa? Waxay taraysaa oo keliya in aad shacabka ku baaddo?

Lacagtii badnayd ee uu Waqooyi ka la yimid, ee uu moodayay in aan jinnina dhammayn karin, durba ku leef. Laba sano ayaanu tumasho birta u ka la maydhin, muddadaana shilin ka baxa mooyee jeebkiisa shilin ma soo gelin marka laga reebo mushaharada yar ee aan cidina ku xisaabtamin. Afkiina wuu ka weynaaday oo waxba deeqi maayaan.

Markii uu Waqooyi ka soo cararay ma uu moodayn xaalku in uu sidan noqonayo. Wuxuu islahaa naasweyn baa dihin oo waxaa laguu dhiibi meel ay tuumbada lagu nuugaa wax ka soo qaadayso. Laakiin dadka madaxtooyada ka raadinayay in loo dhiibo meel ay tuumbadu wax ka soo qaadaysaa berigaa aad ayay u badnaayeen. Dabadeed waa in uu si kale lacag ku sameeyaa, sida Diiriye.

Wuxuu bilaabay in uu siyaabo kale wax u farsameeyo. Kuwo noociisa ah ayay isku xero iyo xeer yihiin oo ay xoog iyo xatooyo maalinba waxa ay helaan qaybsadaan. Xerta Fillo Adduun awal isaga ayaa kabiir u ahaa, maxaa yeelay isaga ayaa ugu jeeb roonaa waana aqalkiisii, laakiin beryahan macallinka weyni waa Diiriye. Lacagtii soomaalidu Xamar-Caddey ayay ku soo wada xerootay, cidina Diiriye ugama aqoon badna sida Xamar-Caddey loo maalo.

Iyada oo derajada Negeeye iyo indhogaradka xad dhaafka ah ee uu Diiriye xafiisyada ku lee yahay la adeegsanayo, ayaa maalinba meel weerar lagu qaadaa. Meelaha dhadhanka ugu badan lagu qabaa waa dad masaakiin ah oo dhul laga qaado dabadeed dib loo iibiyo. Ganacsato aan madax dusha ka ilaalisa lahayn ayaa meelahaas laga eegtaa dabadeed afka dhulka loogu dhuftaa. Kuwo reer waqooyi ah oo noloshii cadaab ku noqotay ayaa lagu eedeeyaa in ay xidhiidh la leh yihiin ururka mucaaradka ah ee loo yaqaan SNM (Somali National Movement), oo godka jilicow ama godka Nabadsugidda amaba godka Hangashta lagu ritaa, dabadeed madaxfurasho lagu soo daayaa. Bangiga lacag la ma dhigto oo waa laga aammin baxay, guryaha iyo meel kasta oo lagu qarin karo ayaa lagu qarsadaa, taasna Negeeye iyo Diiriye waa ay og yihiin kana faa’iidaystaan. Waxaas iyo wax ka daran ayay ku nool yihiin. Sidaas ayay u noqdeen maafiyo aan biyo ismarin.

Negeeye caawa markii uu xafladda Rugta Saraakiisha lagu qabtay ka soo baxay isaga oo keli ah ayuu baabuurkii waddada 26-ka Juun ku soo daayay. Fulay xantii ma mooga, wuu og yahay isaga iyo inta la shaqada ah sida loo neceb yahay. Caawana khudbadihii macno la’aanta ahaa iyo boqollaalkii iimaanlaawe ee uu meesha ku la xeraysnaa maskaxdiisa waa ay baraarujiyeen. Khuraafaadka la isu sheegayo iyo xaqiiqada dalku sida ay u ka la fog yihiin ayuu la fajacay. Waxaa maskaxdiisa isku duqeeyay su’aalo markii hore madaxweynaha ku wajahnaa dabadeed qunyar qunyar isaga qudhiisa isugu soo rogay. Xaaladdiisu in aanay ta Maxammed Siyaad ka duwanayn ayuu ka fekeray, isbeddelka akhlaaqeed ee uu ninka hore ku xamanayaa isagaba in uu ku yuururo ayuuna qirtay.

Adigaba maxaa ku beddelay? ayuu iswayddiiyay. Waddani miyaad tahay? Daacad miyaad tahay? Xalaalcun miyaad tahay? Jeebkaaga miyuu caawa shilin xalaal ahi ku jiraa, gurigaaga se shay xalaal ahi u soo hoydaa? Sidaas u feker. Haa, haddii aadan xaqiiqada ka baqayn sidaas u feker. Maxammed Siyaad isaguba waa nin ku la mid ah ee adiga oo aan tiisa ku mashquulin, bal adigu xisaabtan. Ha waalnaan uun, oo sidii ay dabayl jin ku martay ha u ordin, qoyaan iyo qallayl waxii aad aragtana sida xanfalayda carrabka ha marin, ee bal makhaayaddaa yara fadhiiso oo feker.

Isaga oo dirayskii ciidanka ku taagan, dadkii waddada qulqulayayna baabuurka ku dhex jibaaxaya, ayuu sidii qof waalli soo wata isu la hadlay. Wuxuu ku leexday makhaayad uu marar hore fadhiistay oo waddada ka yar baxsan. Waa meel ilays deggan iyo beer qurux badan leh oo wax laga cuno waxna laga cabbo. Isagu caawa casho ma tawana oo xafladda ayuu kaga soo haqab beelay, wuxuu se doonayaa in uu koob kulul oo kobbashiino ah afka ku dhufto cabbaarna keligii ahaado. Malaha wuxuu doonayay in uu miisaamo inta madaxiisa maskax ku hadhay iyo inta damiirkiisa dadnimo ku sii dambaysa, waayo wuu isdareensiiyay labadaasiba in ay gabaabsi ku yihiin.

Maalintii aad ciidanka ku biirtay waad ogayd niyaddaada iyo fekerkaagu sida ay ahaayeen, bal haddaba caawa xaalkaaga ka warran? Indhaha soomaaliweyn ee Ina Siyaad Barre arkayaa, waxa uu samaynayana xukumayaa, adiga iyo falalka aad geysatay haddii ay arki lahaayeen miyaad isaga ka duwanaan lahayd? Inta ku taqaan sow adiga kaa ma necba? Reer togdheer iyo reer mudug bal dareenkooda malee? Nasiibkaagu sow dadkan aad caawa dhex lugaynaysaa in aanay ku aqoon ma aha? Gabadh foodley ah oo dhulka aad og tahay caawa fursad ay nafta kaaga qaaddo heshaa miyaa ay ku bixin lahayd? Nacaybka intaa la’egi wax aad galabsatay sow ma aha? Maxaad markaa isugu mashquulinaysaa aayo xumada cid kale loo tirinayo?

Isaga oo sidaas isu la hadlaya ayay gabadh da yar oo qurux badani kobbashiinadii u keentay. Indhahoodu isku ma cusba oo habeenkii isugu horreeyay ayuu weerar hungoobay ku qaaday, intii ka dambaysayna adeegto iyo loo-adeege ka la ceeb la ayay ahaayeen. Caawa se indhaheeda cadho ayaa ka muuqata, wejigeeduna ma faraxsana. Hadal kale iska daaye salaantii sharciga ahayd waa ay ka la aamustay. Sababta wuxuu ku maleeyay dirayska uu gashan yahay, Oktoobarta Kacaanku u dabbaaldegayana waa ay noqon kartaa. Soomaalidu waa dad yaab leh oo bilaha Ilaahay mid gooni u neceb, ayuu naftiisa ku la kaftamay. Laakiin dan ha u gelin, maxaad dan uga gelaysaa? Weligeedba yartu oktoobar iyo millateriga ha necbaato, maxaa kaa galay?

Kobbashiinadii ayuu xoorka ka xaydxayday iyada oo kululna afka la tiigsaday, oo inta uu dhigay xabbad sigaar ah shitay, garnaqsigiina sii watay. Nin keligii garramay iyo nin dhul gamay midkoodna ma gefo, inta badan isaga ayaa isla gar leh. Noloshiisa caawa ayuu dhinac dhigay berigii uu arrad daraaddii inta badan dirayska ciidanka ku socon jiray, ee uu xalaal cunka ahaa, Amran iyo carruurtana dhididkiisa ku quudin jiray. Hooggii iyo gaajadii Damalweyn ayuu xasuustay. Wuxuu mooday in uu riyoonayo oo ay labadiisa nololood midi been tahay. Wuxuu nacdalay faqrigii uu soo maray oo ahaa mid xanuun leh, haddana wuxuu nacdalay noloshiisa cusub ee fasaadka badan.

Waxaa uu la yaabay sida uu cibaadada uga fogaaday, iyo sida uu xaaraanta ugu hamuumayo. Awalba diinta ku ma uu wanaagsanayn, laakiin marmar wuu tukan jiray gaar ahaan jimcayaasha qaarkood iyo ciidaha, maanta intaana wuu isku kari la yahay. Goorma ayaa masaajid uu foodda geliyo ugu dambaysay? Goorma ayaa xaaraan iyo xalaal uu ka la sooco ugu dambaysay? Ilaahayow iimaanka ha naga qaadin! ayuu ku talogal la’aan ugu ducaystay. Laakiin wuu ogaa in beri hore Ilaahay imaankii ka qaaday, waa haddii uu iimaanku yahay ka la saarista xumaha iyo samaha, xaqa iyo baaddilka.

Waqtigaa dadkii siyaasadda ku jiray waxay u qaybsanaayeen saddex kooxood: mid mucaarad ah oo sidii dhurwaa raq laga kiciyay duleedka ka ciyaysa, koox dulmi tirsanaysa oo sidii rah jiilaal dhoobada ku dhegtay qaddarkana ka wardhawraysa, iyo koox maamulka ku jirta oo sida yeeyda hadba laftii dux leh ku xoomaysa. Isagu in kasta oo uu ka tirsanaa kooxda ugu dambaysa ee dalka ku bahalowday, haddana marka uu xaaladdiisa barbar dhigo ta rag badan oo kale ma uu garawsanayn in uu waqtigii sii dhammaanayay la dhammaanayo oo cadceeddii sii ciiraysay la carraabayo. Ha iska carrab dheeraado, ha iska cir weynaado, hantidii qarankana qaybtiisa ha cuno, miyuu se iska la mid dhigi karaa nimanka dalka liqay waxii dhuunta u mari waayayna debedaha dhigtay? Marka uu sidaas u fekero wuxuu istusaa ku noolaanta dalka in uu weli xaq u lee yahay. Waxaa se maalinba ta ka dambaysa ku soo kordhaysay baqdin xoog leh, siiba marka uu ka fekero maamulkan oo dhaca mid kalena yimaaddo.

Wuxuu ka fekeray haddii maxkamad la saaro dacwada lagu oogi karo iyo denbiyada lagu heli karo. Sawirradii xilliga ayuu sida albumka xasuusta ku rogrogay, maalmihii Mudug iyo Togdheer ayuu dib u milicsaday, foolxumo wax aan ahayn ayuu ka soo waayay. Askari baad ahayd oo waa lagu amrayay ayuu sida carruurta isku sasabay. Maxkamad ayuu isa saaray, denbi la’aan ayuu isku xukumay. Balaayo aan muuqan ayaa haddana cod xabeeb leh ku la xanshaashaqday oo mid cusub ku oogtay. Xasuuq dadweyne iyo bililiqo markhaati leh ayaa lagu helay. Baqdin ayuu la dhididay, dabadeed inta uu dacwaddii baas iska laabay kursigii degdeg uga booday oo Baar Afrika khamri isaga doontay, si uu waxaas oo dhan u illaawo.

***

Caways ka mid ah cawaysyadii Fillo Adduun, oo ay saacaddu sagaalkii tiigsaynayso, ayay mid ka mid ah gabdhihii golaha fadhiyay cajaladdii baxaysay damisay oo Raadiyow Muqdisho shidday. Waxaa ka soo baxay sacab iyo sawaxan badan.

“Naa waxa naga bakhtii oo cajaladda noo daa”, ayay kuwii kale isku mar ku la haliileen iyaga oo mooday khudbad madaxweyne iyo wax la nooc ah.

“Abboo, hirgelintii heesaha waayee noo dhaafa.” Sacabkii iyo sawaxankii waa ay yar go’een, waxaana soo galay luuq iyo hees macaan oo dunida ku cusub. Dadkii golaha joogay ee uu Negeeye ka midka ahaa isku mar ayay aamuseen dhegahana raariciyeen. Waa cod gabadh da yar oo lagu laqanyoonayo. Tuducii hore ee heestu markii uu dhammaaday dhextaal waxaa u ahaa muusig si yaab leh looga daryaaminayo.

Quraarad kuusan oo litirqaad ah ayuu Negeeye miis hortiisa yaal ka tiigsaday, waxii ku jiray oo shaah bigays ah u ekaana bakeeri yar ku shubtay. Ma uu cabbbin ee labada calaacalood oo dhiibsan ayuu bakeerigii labada dhaban kaga qabtay oo sidii uu cajiimayo hore iyo gadaal ugu wareejiyay. Raadiyowga ayuu labada indhood si ba’an ugu hayaa sidii uu codka ka soo baxaya arkayo. Waa cod ugub oo laga dhadhansanayo hilaw xanuun leh. Waxaad mooddaa farriin cabasho oo ka imanaysa duni aad u fog.

Heestii markii ay dhammaatay, muusiggiina go’ay, ee ay qayladii jibbaysnayd ee dadweynuhu mar kale cirka isku shareertay, ayuu Negeeye bakeerigii sidii uu liqayo af ka la waaxan ku la booday oo waxii ku jiray mar keliya isku shubay dabadeed isaga oo faaruq ah miiska gunta ugu dhuftay. Kuwa kale heesta ayaa dareenkooda kicisay una sharxeen in ay tartanka caawa ku guulaysato. Laakiin isaga fekerkiisu kaas ma ahayn, codka heesaya ayuu gartay, waa gabadhiisii lix iyo toban jirka ahayd, Idil.

Shalay galab ayay aabbeheed guriga ugu timid si ay ugu wargeliso tartanka ay ka qaybgelayso ee caawa ka dhacaya Golaha Murtida iyo Madaddaalada. Waxa ay se u timid isaga iyo asxaabtiisa oo inta ay isku sakhraameen isdilaya, iyada oo ooyaysa ayayna dib u carartay. Firxadkii gurigoodii waa ay dhaaftay oo waxay u gashay Leyla iyo Deeqa. Labadooda ayaa habeenkaa Tiyaatarka u raacay, oo kumanyaalkii qalaadaa ee ay u heesaysay wehel uga noqday.

Dadkii Fillo Adduun mar kale ayay cawayskoodii xiisaha lahaa sii wateen, laakiin Negeeye waxaa ku furantay duni kale, duni aan ku cusbayn haddana ku cusub. Ma ilmihii yarayd baa qofka caawa raadiyowga ka heesaysaa? Goorma ayay intaas la’ekaatay? Waqtigu dheereeyee ma jin baa eryaya?! Yaa Idil fikradda ku dhaliyay? Yaa heesta u dhiibay? Kaliil mee, curadkii reerku? Muxuu Dunida ka og yahay? Taariikhda ma yaqaan? Damalweyn ma yaqaan, iyo ilmo Goodir?

Negeeye arrin uu dhowaanahan ka fekeri jiray laakiin haleeliwaa kaga gudbanaa ayaa caawa isu ballaqday. Meel uu joogo iyo xaalad uu ku jiraba wax kale ha illaawo mase illaawin nimankii ay dhagartu ka dhexaysay ee ilmo Goodir. Wuxuu og yahay kii ugu weynaa, CaliDheere, ee waah hore xerownimada Xamar ku soo galay, isaga oo ganacsade ah in uu xaas iyo carruur ku lee yahay Degmada Kaaraan, laba isaga ka yaryar oo walaalihii ahina halkaa ku weheliyaan. Labada yaryar Negeeye waxaa ugu dambaysay iyaga oo carruur ah, dadkana ka ma uu aqoon haddii ay ka soo hor baxaan. Sidaas darteed mar hore ayuu dadaal u galay in uu wejiyadooda si qarsoodi ah ku barto si uu isaga ilaaliyo. Taasina waa ay u suurto gashay.

Sida uu u la socdo si la mid ah ayay iyaguna u la socdaan isaga iyo wiilkiisuba in ay Xamar joogaan, ha ahaato ee isma arkaan. Sidii uu magaalada u soo degay mar keliya ayuu Cali-Dheere arkay oo ka gabbaday. Sababta ugu weyn ee ay isu arki waayeen waa noloshooda iyo dhaqankooda oo aad u ka la duwan. Meelaha uu badanaa Negeeye tago ama maro, waqtigana inta badan ku qaato, ilmo Goodir maba oga in ay jiraan. Wuu se malaynayaa haddii ay raadinayaan muddadaa in aanay fursad u waayeen. Sidaas oo ay tahay weligii isma uu dhigan ee intaa wuu digtoon yahay. Laakiin caawa baqdinta uu naftiisa uga qabo waxaa ka weyn ka uu Kaliil oo gaashaanqaad noqday uga qabo. Horeba taa wuu uga fekeray caawa ayay se ku xoogaysatay.

Habeenkii ay Idil tartanka hirgelinta heesaha ku adkaatay galabtii xigtay, kooxdii ay wada fadhiyeen inta uu ka fasax qaatay, ayuu isaga oo baabuur wata gurigii ay carruurta iyo Amran degganaayeen afka saaray. Gurigu aad ayuu uga duwan yahay markii ay reer Rooble ku noolaayeen. Waxa dad buuqaya ee galaabaxaya, waxa uunsi, cadar iyo sigaar ka la duwan ka soo kakamaya, derbiyada sidii ay habar jin iyo boorane qabtaa u cuskanaysay waxa dufan madoobeeyay la ma malayn karo. Gurigu ha iska foolxumaado, laakiin reer Rooble laga raysay. Weli waxaa loo arkaa in ay ahaayeen qoys derisnimo xun oo dhaqan xun. Odaygii afka taagi jiray iyo duqdiisii buurnayd ee sidii laba gaal gacmaha isqabsan jiray, iyo gabadhoodii aan weligeed bir xalaalaysa gudaheeda la taabsiin, iyo geeljirkii yaraa ee ay sidooda ka dhigeen, midkoodna loo ma darsan. Sidii ay Amran u soo degtay gurigu waa goob khayr leh iyo xarun xaawalaydu ku kulanto. Waxa cudur ay dhakhaatiirtu cilinkiisa saari waayeen lagaga dawoobay, waxa manfac iyo madaddaalo wadajir ah laga helay, iyo waxa waagii beryaba miskiin hor taagan ee aan cunto ka waayin la ma tirin karo.

Negeeye mar haddii ay booqashadiisa reerku yar tahay, maanta se u yimid, wuu jeclaa in uu fadhiisto oo cabbaar la joogo. Markii se uu arkay habraha meel walba daadsan wuu ku diiqadooday, wuxuuna ka baqay in uu qaar ku joogsado. Taas awgeed intii ay dhallinyarada oo uu magaalada u qaadi lahaa diyaar garoobayeen isagu Amran ayuu daaradda la taagnaa.

Amran in kasta oo aanay maanta ahayn qalanjadii reer damalweyn, oo ay raadadkii waqtigu korkeeda ka wada muuqdaan, misana marka ay dufanka iyo qiiqa ka qubaysato, ee dhar bilic leh gashato, eegmadu waa ay ku raagaysaa. Wejigii bashaashka ahaa ee goor walba dhididka khafiifka ahi saarraan jiray weli waa tabtii. Indhihii galgalacsanaa ee la moodi jiray in ay hunguroonayaan weli waa tabtii. Waxoogaa shilays ah mooyee xaalkeedu waa caaddaa. Negeeye oo ay ka da weyn tahay in ay ka yar tahay ayaa la moodaa. Jin baa uga xoog sheegtaye naag kale ku ma uu doorsadeen. Imikadan qudheeda marka ay iyada oo dirac khafiif ah gashan hortiisa taagan tahay, ee uu gaaddada ilaa caloosha arkayo, iyo dibnihii buurbuurraa, neecaw hilaw ah ayaa qalbigiisa maraysa. Waxaas oo qurux ah jin baa calfaday, ayuu niyadda iska yidhi.

Amran mooyee afartii kale inta ay baabuurkii isku gureen ayay jidka cabbeen. Labada gabdhood ayaa gadaal fadhiya intaana hoosta wax ka xamanaya oo ka qoslaya. Negeeye iyo Kaliil iyagu sidii laba sanam ayay iyaga oo shib ah xagga hore isdhinac qotomaan.

“Maxaad la aamusan tihiin?” Idil ayaa labadii nin wayddiisay, iyada iyo Ubax ayaana qosol ku wada dhuftay.

Negeeye dib ayuu u soo yar jalleecay. “Malaha waxaad rabtaa in aan sidaada Raadiyow Muqdisho ka qayliyo?”

“Aabbe, miyaadan guushii xalay iigu hambalyaynayn?” “Hambalyo? Wax aadan ab iyo isir, dhaqan iyo dhalasho, u lahayn baad gashay markaasaad weliba hambalyo iga filaysaa?”

“Aabbe, haddaa yaa isir iyo dhaqan u leh?” “Cidda u leh waxba kaa ma gelin ee yaanan waxaa dib kuugu arkin. Ma i maqlaysaa?”

“Laakiin fanka maxaa xumaan ah ee ku jira?” “Xumaan oo dhan baa ku jirta ee anshax xumadaa dib ha ugu noqon. Sow maqli maysid? Maalin dambe yaanan kugu arkin.”

Halkaa wuxuu ka bilaabay hadal dheer oo waano iyo talo ah, wuxuuna ugu celceliyay in aanay reerkoodu fan iyo fannaannimo dhaqan u lahayn ee ay ka fogaato. Iyadu juuq ma ay celin, intii dambe oo dhan xaggiisaba ma ay eegayn ee daaqadda ayay wejiga ku haysay oo duni kale ka daawanaysay. Waxay u egayd qof riyoonaysa, dhegaheeda waxaa ka sii baxayay sawaxankii iyo sacabkii xalay, qalbigeedana waxaa ka sii diirranaa farxaddii ay taasi ku abuurtay.

Ubax mooyee qof qoyska ah oo guushaa ku ammaanay ma jiro. Amran waa ay canaanatay, Kaliil wuxuu ugu dhaartay haddii uu dib ugu arko in uu garaaci doono, odaygiina waa kan sidan u hadlaya. Yaa qaldan, ma adiga mise iyaga? ayay iswayddiinaysay. Ma bulshada sacabka kulul guusha kugu siisay mise qoyskan jaanjaanka ah? Fanka aad jeclaatay maxaa dhaama oo ay iyagu hayaan? Ma jinka iyo jaanka ay Amran habeen iyo dharaar u adeegayso? Mise sakhradda iyo tumashada silloon ee Negeeye? Mise shakhsiyadda isku duuban iyo dookh la’aanta Kaaliil ee aanu xataa qayrkii kubbadda la cayaari karin? Adduun ka la war la! Maxay ka og yihiin riyadaada ah in aad sida Maryan Mursal u caan baxdid? Maxay ka yaqaannaan gacaliye Farxaan ay dhunkashadiisa keli ahi dunida oo dhan kaaga qaalisan tahay? Maxay ka og yihiin liibaanta aad ka heshid marka ay farihiisa iyo dibnihiisu ku taabtaan? Maxay ka og yihiin waxa wadnahaaga ka buuxa? Waxaas oo dhan waxba ka ma oga ee qiiqa iyo qaadka ha iskaga dhex jireen.

Negeeye maalintaa carruurta wuxuu geeyay dukaamo Xamarweyne ku yaal oo aanay markaa ka hor tegin, si aad ah ayuuna u soo arrad tiray, taas oo ahayd arrin uu ku liitay. Wuxuu kale oo casho aad u wanaagsan ka siiyay baar qurux badan oo aanay weligood meel la mid ah hore u gelin.

Fiidkii markii ay soo noqdeen hablihii inta uu guriga dhigay ayuu Kaliil baabuurka ku qaatay oo magaalada ku la noqday. Makhaayad yar oo aan laga aqoon ayay kuraas debedda taal, meel dhegaha dadka ka yar fog, fadhiisteen shaahna dalbadeen. Kaliil wuxuu noqday caato dheer, wuxuuna dhigtaa sannadkii dugsiga sare u dambeeyay. Waa nin urursan oo haddii da’diisa loo eego aad u qaladdaad yar. Dhar xidhashada iyo nadaafadda guud waxaa ka muuqda xilkasnimo iyo dishibbiliin wanaag. Hadal yaridii uu la yaraa ayuu la weynaa-day, waana ay adag tahay in uu cid wax wayddiiyo, haddii isaga wax la wayddiiyana jawaab waafi ah ma bixiyo. Waxaas oo dhami se waa dabaciga guud ee shakhsiyaddiisa dhabta ah weli wax badan laga ma saadaalin karo; nin yari waa nin ban soo ordaya. Isaga qudhiisa nolo-shu waxay u tahay wax ban soo ordaya, kolayga ay soo siddana far-xad iyo fajiciso wax ku jira la ma oga. Negeeye denbi wuu ka dareemaa aabbennimada Kaliil ee uu dayacay, laakiin wuxuu ku laab fayoobaadaa marka uu isagu carruurnimadiisa dib u jalleeco. In aan Kaliil habeen keliya gaajo ku seexan, dunidana lagu ciilin, halka uu isagu gaajo iyo silic ku soo koray, ayuu ku fekeraa. Aad isuma arkaan, arrinta ilmo Goodir ayaa se ah sababta kulankan caawa.

Inantii shaaha u keentay markii ay ka tagtay ayuu inankii ku yidhi:

“Damalweyn baan ku dhashay kuna kacaamay, maxaan markaa uga imid ayay ku la tahay?”

“Xor baad ahayd.” “Laakiin waxa xorriyad loo sameeyaaba sabab ayay lee dahay.” Kaliil ma hadlin, Negeeye ayaa dabadeed raaciyay: “Habeenkii aan dhashay ayay aabbahay dileen, ka dibna ku heshiiyeen in ay dhiiggayga duudsiyaan. Haddii aan yeeli waayayna soo dhacsigii aanadayda cidna garawsho kagama aan helin.”

“Waa ayo cidda ku duudsiday ee aad garawshaha ka wayday?” “Umad dhan, shisheeye iyo sokeeyeba.” “Waxaa igu maqaalo ah magtii aabbahaa in la bixiyay, arrintana laga heshiiyay, adiguna aad dhaaratay”, ayuu Kaliil yidhi isaga oo indhaha aabbihii ee nalka makhaayadu hayo toos u eegaya.

Hadalkaasi Negeeye kagama farxin. Wuu malaynayay in uu Kaliil warkaa cid kale ka maqlay, waayo dad badan oo ay isxigaan ayaa intaa Damalweyn ka yimaadda, guriga Amran ee uu goor walba raashinka rooxaanta loo kariyaa ka bisil yahayna waa bartilmaameed ay dadkaas gaajaysani soo wada beegsadaan. Laakiin ma war sidaas u tifotiran? Waxa uu caawa Kaliil ku hadlayaa waa dhaliishii weligii loo soo jeedin jiray ee uu ku daalay. Garawshaha uu curadkiisa ka waayay waa ayo cidda uu ka sugayaa?

Kaliil isagu arrinta ilaa yaraantii xan ayuu ku maqli jiray, laba sano hortood ayuu se oday reer damalweyn ah oo Xamar soo booqday sidii ay wax u ahaayeen oo dhan uga sheekeeyay. Intii maalintaa ka dambaysay dabeecadda labadiisa waalid indho dheer ayuu u lahaa, wuuna ka xumaa in ay arrin sidaas u weyn ka qarinayaan. Sidaas oo ay tahay haddana isma dareensiiyo tariikhda aabbihii in ay isaga wax badani ka khuseeyaan. Noloshiisa yar ku ma xidhiidhin karo dhacdooyin iyo xilli sidaas uga fog.

Negeeye isaga oo fekerka yarka fahmay kana xanaaqay ayuusan haddana doonayn in uu u muujiyo. Caawa in ay si cad u wada hadlaan ayaa muhiim u ahayd.

“Fikraddaadu ha dambayso, waxaa se muuqata arrinta in aad ka dheregsan tahay”, ayuu yidhi Negeeye.

“Bartire meel ma wada joogo warna isku ma seeggana.” “Ciddii doontaa ha heshiiso, magtii la doonana ha la ka la qaato, ee aniga oo keliya ayay i khusaysay.”

“Miyaad ku khasbanayd in aad dhaaratid?” ayuu Kaliil aabbihii wayddiiyay isaga oo xiganaya faallo uu odaygii u warramay ka maqlay oo ah Negeeye in uu Ilaah iyo aadami labadaba ku wacad furay.

“Haa, waan ku khasbanaa. Adigana waxaa ku la gudboon in aad garatid cidda maanta ciil qabtaa in aanay adiga ahayn ee ay tahay iyaga, waayo ciilqab waa inan gumeed. Waxaan kaaga digayaa nimankaasi in aanay weligood sabrayn, sidaas darteed aad meel kasta oo idin kulansiin karta ka fogaatid.”

“Nimanka aad sheegaysaa in ay halkan innala joogaan sow ma ogid?” waxaa wayddiiyay Kaliil.

“Haa, waan og ahay.” “Markaa haddii ay doonaan waa ay ina heli karaan, sow ma aha?” “Wax waliba waqti ayay leh yihiin. Waxaa laga yaabaa aniga in ay igu dhici waayeen, waayo waa ay og yihiin in aan hubaysan ahay, adiguna imika ka hor nin yar baad ahayd. Si ay tahayba waxa ay samayn waayeen inama khusayso ee waxa ay samayn karaan ayaa ina khusaysa.”

Wuxuu ku talo jiray in uu yarka u warramo una digo, wuxuu se imika hor fadhiyaa nin weyn oo isaga qaladaad ku eedaynaya. Malaha waa ka la maqnaanta badan ee haddii aad koritaankiisa joogto u la socon lahayd waad aqbali lahayd ninka sidan kuu dhaliilayaa in uu yahay dhallaankii shalay.

Kaliil digniinta habeenkaa waxba ku ma qaadan waxbana ka ma soo qaadin. Markaa ka hor iyo ka dib toonna baqdinta ilmo Goodir ku ma seexan ku mana soo toosin. Isaga oo og aanada aabbihii in ay tiisa tahay ayaanay haddana marnaba naftiisu ku qancin in sababtaa loo malgi doono.

Kulankaas isaga iyo aabbihii laba bilood muddo aan ka badnayn markii laga joogay ayuu Kaliil goor caways ah gurigooda Kaasa Boballaare ku yaal u soo lugeeyay. Wuxuu ka soo baxay shineemo Hodan, wuxuuna soo dhex maray Suuqa Siigaale oo laga ka la carraabay, oo malaha ah suuqa dunida ugu foolxun uguna nadaafad daran. Waa cooshado mugdi ah oo jawaanno duugoobay, jiingado daxalaystay iyo qoryo gaboobay ka dhisan. Waxaa daadsan qudaartii iyo waxyaalihii kale ee maanta halkaa lagu iibinayay oo aan la xaaqin. Ur ka la duwan oo xoog leh ayaa cooshadaha cidlada ah ka soo baxaysa, waxaana marba dhan isu baacsanaya eey, bisado, jiirar iyo baranbaro.

Wuu tallaabo dheereeyay si uu meesha foolxumadeeda dhakhso u dhaafo. Markii uu suuqa ka sii baxayay wuxuu arkay laba qof oo si miiggan u soo daba socda. Dhiillo isma gelin ee socodkii ayuu sii watay. Wax yar ka dib, intii aanu weli xaafadaha ilayska leh gaadhin, ayay labadii nin soo gaadheen, iyaga oo aad ugu dhow ayay dhinacyada ka ka la mareen, midkood ayaana ku tiraabay:

“Kaliil!” “Waa kuma?” ayuu u celiyay oo tallaabada yar dhimay. Halkii uu jawaab ka sugayay ayuu kii dhanka kale ka marayay toorray xiiraysa calosha ka mariyay. Isaga oo dooxan ayuu hubkii iyo ninkii ku dhuftay degdeg isugu duubay. Laakiin kii kale ayaa toorray kale degdeg kelyaha uga darandoorriyay, ilaa uu isaga oo calal dhiig leh u eg maydnimo dhulka u dhacay. Waxay ahaayeen ilmo Goodir, labadii Cali-Dheere ka yaryaraa.

Miskiinkaa aan waxba galabsan waa taa god loo qoday ee iil lagu gufeeyay ciidna lagu daboolay. Maryihiisii dhiigga lahaana waa taa god kale lagu aasay. Waxaa ka soo hadhay oo keliya timihii maydkiisa laga xiiray, iyagiina markii ay Idil damacday in ay aasto waa taas dabayshu ka ka la filiqday.

Kaliil nolosha miyuu ka hadhay mise iyada ayaa ka hadhay? Miyay ka la leexdeen mise waa ay ka la ambadeen? Xaqiiqadiisa yari ma waxay qayb ka tahay xaqiiqo weyn, mise waxay u taagan tahay iskeed? Horta xaqiiqo yar iyo mid weyni ma ka la jiraan? Xabbad caleen ah oo geed ku taal xidhiidh ma la lee dahay caleemaha kale? Marka ay go’do geedku ma tabaa, iyadu se geedka ma tawdaa? Miyay ka raysataa mise waa ay u darsataa, mise waa ay macno beeshaa oo luntaa? Hore macno ma u lahayd?

Haddii aad indho beeshid arag la’aantu miyaa ay tahay in ay dunidu mugdi noqotay? Haddii se aad dhego beeshid aamusku miyuu yahay in ay sanqadhu go’day? Dhegoole onkod ma yaqaan, indhoole se hillaac? Labadaas xaaladood ee ay mid waliba ka kale xaqiiqadiisa ka baxsan tahay ka indhaha iyo dhegaha qaba sow xaqiiqadiisa ku ma wada jiraan? Sidaas sow garashu ku noqon mayso hirar ka la shisheeya oo marba hirka muuqdaa yahay waxa sugan, wixii kale oo dhamina male male iyo hummaag?

Ma jirtaa xaqiiqo ka baxsan aragga, maqalka, dhadhanka, urinta iyo taabashadu? Riyada, mala’awaalka, farshaxanka iyo afshaxanku, tusaale ahaan, xaqiiqada ma ku lid baa mise waa hirarkeeda fogfog oo dirqi ku muuqda?

Negeeye wax badan ayuu qof dhintay arkay, qaar badan ayuuna gacantiisa ku malgay, waa se markii labaad ee uu aas ka qaybgalo. Markii hore waxay ahayd ayeydii Dahabo. Maanta ayuu dareemay xanuunka ay lee dahay qof dhan oo soo taagan in ay dadkiisu waayaan. Waa inankiisii keli ahaa ninka ciidda hoos maray, rag ilmo Goodir ugu horreeyaanna waa ay isu dhaarsan yihiin. Wuxuu xasuustay maahmaahdii reer miyiga: “Haddii uu Ilaahay wiil ku siin waayo cadawgaaga ayuu kaaga hiiliyay, haddii aad adigu dhali waydana cadawgaaga ayaad isaga hiilisay, haddii aad madi dhashana cadawgiisa ayaad uga hiilisay (cadawga ayaad u hiilisay).”

Amran iyo hablihii oo baroori ka dhammaatay meel dhinac ah ayay dumar kale ku hayaan, laakiin Negeeye Kaliil ayuu bud’dhigayaa. Markii ciidda lagu rogay ayuu wadaad kitaab yar oo duug ah kilkisha ka la soo baxay, dadkiina wayddiiyay magaca ninka la xabaalay iyo ka hooyadii. Markii loo sheegayna sidii qof nool ayuu ku la taliyay: “Kaliil Amranow, waxaa kuu imanaya laba malag, waxay ku wayddiinayaan Ilaahaaga, diintaada iyo ergaygii laguu soo diray. Waxaad u sheegtaa: Ilaahaygu waa Alle, diintaydu waa Islaam, rasuulka la ii soo dirayna waa Maxamed…”

Negeeye wuu garanayay afkaasi in uu yahay af diineed aanu wax badan ka aqoon, wuu se la yaabay wadaadka oo aad mooddid in uu qof hor taagan wax u sheegayo. Runtii Kaliil ma maqlayaa waxa loo sheegayo? Ma waxaa lala hadlayaa raqdan qabow ee godka dhex taal, mise naftii oo aan muuqan? Waxaa kale oo uu Negeeye la sii yaabay sababta inankiisa loogu magacaabay ina Amran. Markii aaska laga dareeray ayuu se taa Diiriye ka shaafiyay: “Qofna aabbihii la ma hubo hooyadii se waa la hubaa.” Dabadeed Negeeye wuxuu xasuustay maalintii ay Amran iyada oo Kaliil xambaarsan u la timid.

Geeridu waa xaq, tan se masaalkeed la ma arag. Amran uurkutaallada ay qabtaa curadka ay wayday oo keliya ma aha ee sida ay ku wayday baa laba geeriyood ku ah. Waxay hubtaa dhimashadiisa in ay iyadu sabab buuxda u tahay. Waa taas iyada oo qaylinaysa daaradda guriga hawaarta, ee labada gacmood mar dhulka la dhacaysa mar madaxa marna bawdyaha. Quruumaheedii oo dhami waa kuwaa ku soo xoomay, waxba se u ma qaban karaan. Buraanbur ay muruga-du u hal abuurtay ayaa oomato u ah oo ay habeen iyo maalin afka ku haysaa:

Danabkaan dhaloow hooyo anigaa ku dilay Anigaa kugu dooxay ableydii darrayd Daabka anigaa hayoo degdeg kuu la dhacay Dakano kaa fog anigaa debed kuugu xidhay Dacar qooshan anigaa dawo kaaga dhigay

Taas waxa ay ka waddo cidina ma fahamsana. Sir buuraha ka culus baddana ka baaxad weyn ayay weligeed caloosha ku sidday oo ay maagganayd in ay Kaliil ku wareejiso. Maalinta uu dugsiga dhammeeyo ee noqdo nin culayska intaa la’eg qaadi kara ayay la sugaysay. Laakiin waxay ahayd meel Alle wax ka wado. Inta ay nafteeda hiifayso in la’eg ayay Negeeye hiifaysaa; in la’eg ayay macangegnimada iyo hubsasho la’aanta ilmo Goodir hiifaysaa; in la’eg ayay odaygii inkaarta qabay ee reer Damalweyn hiifaysaa; in la’eg ayay qaddarka hiifaysaa.

Negeeye markiiba wuu ogaaday ilmo Goodir habeenkii ay dilka geysteen in ay magaalada ka baxeen, taas oo ahayd tallaabada keliya ee uu hubay in ay qaadayaan. Dabadeed toddobaad dhan ayuu keligii ahaa oo khamri iyo sigaar isku daldalayay in ay cidi u soo gashana diiday. Mar haddii aanu maanta gacantiisa ku aarsan karin, dacwad dalluun ka qoddo dheer oo aan gunteeda cidina ka gayoonayn in uu daboolka ka rogo wuxuu ka door biday in uu ilmo Goodir waqtiga la sugo. Sidaas ayaan dilka Kaliil cid loo qabto iska daaye cidna loo dacweyn.

Saddex toddobaad ka dib, Negeeye oo sidiisii koox rag iyo dumarba leh Fillo Adduun si habsami leh u la bulshaynaya, ayay Amran oo aan weligeed halkaas ku soo booqani kediso ugu timid. Raxmo-Yarey oo albaabka ka furtay ayay in uu u soo baxo u fartay, iyaduna geed beerta ku yaal hooskiisa ku sugtay. Isaga oo feedho qaawan, cankana qaad uga buuxo, oo dhidid ka qubanayo, ayuu u soo baxay. Intii uu ku soo socday waxay ka fekertay in ay yihiin labada qof ee dunida ugu ayaandaran.

“Berri ayaan Damalweyn u socdaalayaa ee hablaha ka sii war hay,” ayay ku tidhi.

“Maxaa Damalweyn kaa jira?” “Nimankii wiilkayga qashay ayaan raadsanayaa.” “Oo maxaad ka qaban kartaa? Miyaad dagaal tegaysaa?” “Dagaal iyo dood mid ay noqotaba waa in aan tagaa.” “Amran, arrinta ha iga dhabqin ee aniga ii daa.” “Dhegeyso Negeeye, waxay i la tahay in la joogo goortii aynu sidii dad waaweyn u wada hadli lahayn.”

“Haye?” Waa ay aamustay. Sidii ay wax ugu sheegi lahayd waa ay soo diyaarsatay, erayada ay ku dhihi lahaydna soo xulatay, laakiin hadalba wuu ka soo bixi waayay. In ay qof qalbi adag tahay ayay weligeed isu haysatay, laakiin maanta ma qalbi adka. Oohin ayay ka wareegtay, illin iyo dhidid isku milan ayaana wejiga qooyay, orod ayayna ganjeelada kaga baxday.

Negeeye waxaa ku dhacay yaab iyo fajac, wuxuuna aad isu wayddiiyay waxa ay doonaysay in ay ka la hadasho ee ay awoodi wayday. “Sidii dad waaweyn” maxay ka wadday? Awal ma sida carruurta ayay kuu la hadli jirtay? In kasta oo ay Amran feker yaab leh ku ridday, haddana galabtaas ka ma uu daba tegin. Xaalad tumasho oo aan la quudhi karin ayuu ku jiray, sidaas darteed wuxuu ku tashaday in uu hawshiisa iska sii wato oo berri gurigeeda kaga war doono.

Maalintii xigtay qaaddiro darteed ayuu hurdada aad ugu daahay, kowdii duhurnimo ayuuna kacay. Saddexdii galabnimo ayay ahayd markii uu gurigeeda yimid, laakiin Amran ma ay joogin oo saaka ayay baabuurkii u horreeyay ku dhacday. Markii uu gabdhaha xaalka hooyadood ka waraystay ku ma ay kordhin wax aan ahayn in ay nimankii Kaliil dilay Damalweyn ka doonatay.

Intii aanay Amran Xamar ku soo noqon Negeeye wuxuu ogaaday in ay Damalweyn ka dhacday gar jilibcarro ahi. Gartaasi waxay dhex martay ilmo Goodir oo dhinac ah iyo Amran iyo Xaaji Haybe oo isku dhinac ah, waxaana gawaanta dhexe taallay naftii mindiyaha lagu gooyay ee Kaliil. Gun iyo gunaanad xaajadaasi waxay noqotay sidan: Kaliil ma uu ahayn ina Negeeye. Wuxuu ahaa ina Xaaji Haybe. Gole ay ilyartu isqabatay ayay Amran iyo Xaajigu taa isla qirteen.

Sidaas ayay ahayd. Siddeed iyo toban sano ka hor markii ay Amran uurka Kaliil isku ogaatay Xaajiga ka la ma ay gabban in ay u sheegto xaqiiqada uu isagu sababteeda lahaa. Isaguna wuxuu talo waayeel uga dhigay: “Amran, dantaada ma ahi adiguna dantayda ma tihid ee ina wada astur. Lacagtaas nooli iyo nolol ka sii dhigo oo Negeeye meel uu jiraba kaga daba tag.”

Amran waa ay yeeli kari lahayd in ay Xaaji Haybe faraqa ku dhegto, laakiin sidii uu isaguba sheegay iyada oo soddon jir ka yar danteedu lixdan jir ku ma jirto. Sababtaas ayay taladiisa u qaadatay oo Negeeye u soo raadsatay. Dharaartii ay Baydhabo ugu timid waxii illin ka dhacaysay ka dhab ma ay ahayn, waxa ay se ku heshay naxariista Negeeye kaas oo aan aad u naxariis badnayn.

11

Waa shantii galabnimo, qorraxduna waa ay qabowday oo dharkii caddaa ee maanta mid ka qurux badan oo dahab u eg ayay gashatay. dayrka dhagaxa ah ee dhinac ka qabyada ah, ee ganjeelada buluugga iyo caddaanka ah leh, waxaa ku dhex yaal laba qol oo keliya oo isu furan albaabkooduna yahay loox cagaaran. Dhulka deryka iyo labada qol u dhexeeyaa waa ciid, waxaana ka baxay doog khafiif ah oo gogol la moodo. Doogga waxaa ka sii qoyan hogol duhurkii magaalada martay, waxaana dhan ka mayracanaya laba qoolley, dhanka kalena waxaa dermo ku fadhida gabadh ilmo nuujinaysa. Iyada oo baraad la, ilmaha dhabta u saaranna daawasho ugu maqan, ayay xasuusatay beri ay yarayd oo ay caruusad ay ku cayaaraysay ka dhigtay ilmo ay dhashay oo naas aan weli u soo bixin nuujisay. Iyada oo xasuustaa ku maqan oo yar dhoollo caddaynaysa ayaa ganjeeladii la garaacay. Inta ay dharka urursatay fadhigana hagaajisatay ayay tidhi:

“Soo dhaaf!” Qofkii wuu soo galay, mise waa Raage. Deeqi iyada oo farxad ka la badatay ayay ku qaylisay: “Alla waa Raage! Alla waa Raage! Alla hooyaday waa waliyad, habeen hore ayay soo dayntaada ku riyootay!” Iyada oo aan ilmihii dhigin ayay Raage albaabka kaga hor tagtay oo isku duubtay.

Waa keligeed, qoyskooda oo badanaa u yimaaddana cidi ka la ma joogto, Leyli iyaduna waxay jirtaa shaqadii dugsiga. Raage gabadha u dhalatay ee lixda bilood jirta, oo Hoodo loo bixiyay, hore ayaa xabsiga loogu soo tusay. Markii ay isaga iyo Deeqi cabbaar isku duubnaayeen, ee dhunkasho isku la daaleen, ayuu Hoodo la wareegay, wuxuuna dareemay farxad uu wax badan kaga illaawey darxumadii xabsiga.

Daaraddii iyo gurigii uu muddada dheer ka maqnaa, had iyo goorna ku fekeri jiray, ayuu doc walba ka eegay oo dhinac dhigay sawirradii uu jeclaa ee uu maskaxda ku haystay ee uu had iyo jeer isku maaweelin jiray. Wax walba wuxuu u jeclaystay si xad dhaaf ah oo aad uga badan intii aan la afduubin. Gaar ahaan Deeqa iyo Hoodo waxay u la mid ahaayeen duni uu ka dhintay oo u soo noolaaday.

Markii xabsiga loo beddelay waxaa laga joogaa sannad, muddadaana ugu yaraan toddobaadkiiba mar Deeqa iyo Leyli waa ay soo booqan jireen. Beryahan dalku fowdadii ayuu ku sii fogaaday; mucaaradkii hubaysnaa gudaha ayay ka soo buuxsameen, maamulkuna waa sakaraad. Si fudud ayaa dadka loo dilaa, si fudud ayaa xabsiga lagu galaa, si fudud ayaa haddana looga bixi karaa. Qof kasta oo maamulka awood ku lahaa wuxuu bilaabay sahay urursi, wuxuuna ku dadaalay mar haddii uu dalka ka cararayo in uu boorsada ku sii qaato lacagta ugu badan ee uu heli karo. Sidaas ajligeed Xabsiga Dhexe wuxuu ka mid ahaa meelaha uu ka ganacsiga dadku sida firfircoon uga socday.

Dad u xidhnaa denbiyo waaweyn, oo uu dilku ka mid yahay, ayaa inta lacag laga qaaday iyaga oo laafyoonaya duhur albaabka ka baxay, kuwo kale oo dulmi ku xidhan laakiin aan lacag haysan ayaana halkaa ku abaaday. Mar haddii se ay duufaanta taliska ridaysay xoog lahayd, oo si waalli ah wax walba jirridda ugu bixinaysay, kuwa dadka ka ganacsadaa iyaguna degdeg la mid ah ayay ku shaqaynayeen, si xawli leh ayuuna sicirku hoos ugu dhacayay.

Maxaabbiista raashin loo ma hayo, askarta ilaalinaysa mushahar la ma siiyo, cidina ma ka la haybaysato, qof waliba nafta ayuu nacay oo dhimashada dan ka ma leh. Qof waliba meesha uu furaheeda hayo isaga ayaa iska leh. Waxaa la marayaa in baakidh sigaar ah iyo marduuf qaad ah maxbuuska lagu sii daayo. Kuwii intaasna laga waayo bilaash ayaa oodda looga qaadaa. Waxaa bilaabatay xaalad aan denbiile iyo denbilaawe ka la lahayn. Qof waliba waa denbiile haddii wax laga helayo, denbi kasta oo uu galana loo ma qabto haddii uu wax bixiyo.

Saddex bilood iyo labaatan cisho oo uu godka ku jiray, iyo sannad iyo bil uu Xabsiga Dhexe ku jiray, markii uu xidhnaa ayaa Raage loo sheegay in uu albaabka ka baxo. Dulmi badan ayuu tirsanayay, wuxuu se ka nasiib badnaa kuwo tobannaan sano iyada oo aan xataa maxkamad la geyn halkaas ku dabranaa.

Fiidkii ayay Leyli si lamafilaan ah Raage guriga ugu timid, waxayna u faraxday si aan xad lahayn.

“Alla walaal, ducadii waa la iga aqbalay. Dhawrkii cisho ee ugu dambeeyay ugu yaraan malyuun goor Ilaahay waan ka baryay in dhakhso laguu soo daayo. Laba arrimood oo i la soo gudboonaaday midna ma aan doonayn adiga oo xidhan in aan sameeyo…”

“Kow, midi waa in aad guursanaysid”, ayuu Raage Leyla hadalka kaga boobay

“Haa, taasi waa sida aad u garatay. Ta kalena waa aabbe iyo hooyo oo fiise ii soo diray doonayana in aan Ingiriiska ugu tago. Hooyo bukaan ayay noqotay oo waa ay ii baahan tahay.”

“Leyla, ma run baa? Miyaad guursanaysaa?”

“Walaal, waan kaala xishooday adiga oo xabsi ku jira in aan waxyaalahaas ku la soo qaado. Nin aannu meel ka wada shaqayno oo aanu muddo wada soconnay ayaanu isguursanaynaa, haddii Alle idmo. Hore waxaannu ugu heshiinnay in aannu dib u yar dhigno, laakiin mar haddii aan dhoofayo waa in aanu isa sii guursannaa.”

“Waa talo fiican. Markaa ma adigaa soo noqonaya mise isaga ayaa Yurub imanaya?”

“Dalkii waakan sii xumaaday, hooyana igama maaranto, markaas waxaan ku talo jiraa in aan xaggaa fiise uga soo qalqaaliyo. Idinka qudhiinna waan isku dayi doonaa in aan dalka meel uun idiinka saaro.”

Sidaas ayaa qofka aad jeceshahay Soomaaliya maanta loo la hadlaa. In dalka la iska saaraa waxay la macne tahay in dhimasho la hubo la iska badbaadinayo.

Galabtii Raage la soo daayay tii ku xigtay Leyli waxay guriga keentay Axmed oo ahaa ninkii ay isjeclaayeen. Hore ayay isaga iyo Deeqa isu barteen, laakiin galabta wuxuu u yimid in ay Raage isbartaan.

Axmed, oo loo yaqaannay Dhabarey, Leyla guyaal aan badnayn ayuu ka weyn yahay, laakiin waa nin shilis oo la moodo in uu intiisa ka weyn yahay. Hore u ma uu guursan, waana nin aad u furfuran oo kaftan iyo qosol badan. Markii hore ee ay Leyli Caymiska Qaranka ka shaqayn jirtay, intii aanay jaamacadda bilaabin, ayay Dhabarey oo isaguna berigaas shaqada ku cusbaa isbarteen. Berigaa intan wuu ka dhuubnaa, sidan ayuuna u kaftan badnaa. Berigaas wax xidhiidh ah ma ay yeelan, imika ayuu se u qirtay markaaba in uu ka helay laakiin u arki jiray naag kibir badan.

“Markaas miyaad iga baqday?” ayay wayddiisay. “Maya, weligaaba kibir badnow waan ku laylyi lahaaye, waa adigii si lamafilaan ah shaqada uga tagay, meel aan kuu raaco ayaanan garan waayay.”

“Waa iska nasiib, waxii aan soo maray ayaa ii qorraa.” “Waxba ha qoomamoon, waxii farxad inaga tagtay waa aynu qallayn karraa. Dhunkasho walba shan jeer ayaynu ka dhigaynaa.”

Runtii barashada Dhabarey waa ay u ayday. Kaftanka iyo qosolkiisa badan ee la moodo ilmo yar oo aan hawl adduun qabin waxay ku illawday xanuunkii ay guurka Negeeye ka qaadday. Iyada oo aan nin ahaan u jeclaan ayay dadnimadiisa jeclaatay. Iyaga oo aan wada shaqaynta wax ka badan wadaagin ayayna agtiisa iyo sheekadiisa u hilawday. Iyada oo aan dareenka ay wehelnimadiisa ka heshay wax u la mid ahi jirin ayay markii ugu horreysay ruwaayad ku casuntay. Qunyar qunyar ayay dabadeed isaragtay iyada oo jacayl besteed la ah.

Habeen ay shineemo ka soo wada baxeen, markii ay isa sagootiyi lahaayeen, ayuu isla yar taagay una sheegay in uu jecel yahay. Inta ay farxad la waalan gaadhay, dhunkashana ku boobtay, ayay ku qaylisay:

“Alla gacaliye Axmed, aniguba in aan ku jecel ahay waad og tahay! Waan hubay in aad i jeceshahay!”

Dhabarey sigaarkana ku dheh oo wax balwad ah ma leh, nolol iska qabow oo waxiisu ku filan yihiin ayuuna ku nool yahay. Reerkoodu dhaqaale ahaan waa ay iska ladan yihiin oo dukaan iyo dhawr guri ayay magaalada ku leh yihiin, beer weyna duleedka Afgooye. Laakiin isagu shaqadiisa ayuu ku qanacsan yahay. Wuxuu qol kaga jiraa guri aabbihii lee yahay oo ku yaal Boondheere. Waqtiga uu fasaxa yahay makhaayadda ayuu asxaab ku la kaftamaa, ama shineemo ruwaayad iyo kubbad mid uun galaa. Ma aha, sida Raage, qof siyaasad lagu falay, isboortiga iyo filimada ayaana ugu badan waxa uu ka sheekeeyo. Reer miyiga iyo reer gobolka uu had iyo goor xifaaleeyo waxaa u sabab ah isaga oo in uu Xamar ku dhashay wax weyn u haysta. Taasi waxay iska hor taagtay in uu nolosha Xamar ka baxsan haba yaraato ee wax ka barto. Xataa af soomaaliga wuxuu ka yaqaan kana qiimeeyaa inta Banaadir lagaga hadlo.

Dhabarey maalintii la isbaray tii xigtay seeddigii Raage si uu noloshii xabsiga uga fogeeyo wuxuu u dalxiis geeyay beertooda Afgooye iyo Xeebta Jasiira. Labadooda iyo labada gabdhood ayaa wada qaatay baabuurka Dhabarey, Hoodona waxay kaga tageen reer abtigeed.

Barqo kulul markii ay Afgooye wax yar ka baxeen ayay waddadii laamiga ahayd mid ciid ah uga leexdeen. Dabadeed inta ay baabuurkii meel dhigteen ayay wadiiqo dhulka ka yar sarraysa oo gacan beeraha waraabiyaa dhinac qulqulayo ku lugeeyeen. Caleenta muuska ee wadiiqada labada dhan kaga soo foororta, ee ay dabayshu ruxayso, laga ma garto xer xadraynaysa ama hablo dhaantaynaya. Kulaylka qorraxda waxaa debcinaya hawo bari ka soo dhacaysa oo webiga soo dul maraysa iyo rays udgoon oo dhulku soo daacayo. Caleenta muuska waxaa saaran sayax. Webiga iyo damasha waxaa isaga gooshaya shimbiro aan tiro iyo xaddi lahayn. Magacyada shimbirahaas oo ay badankooda garan waayeen ayay intii ay tamashlaha ku jireen isku xujeeyeen.

“Beertaas ma u jeeddaan?” ayuu yidhi Dhabarey isaga oo tilmaamaya beer aad u weyn oo midig ka xigta. “Inta ay isu ka la jirto ma malayn kartaan, sida aan maqlay waa beerta labaad ee Soomaaliya ugu weyn. Berigii sixirka hantiwadaagga lala wareegayay ayaa shirkad talyaani ah laga qarameeyay, haddana beri dhexdaas ah ayaa nin agaasime ah hadiyad loo siiyay. Muuska ka soo go’aa miisaaniyadda dalka qayb weyn ayuu ka noqon lahaa.”

Raage iyo dumarkii beertii ayay wada eegeen. “Laakiin qaybta dalagga la idinka qaado isagana sow laga ma qaado?” ayuu Raage wayddiiyay.

“Maxaa looga qaadayaa iyada oo dhan baaba bilaash loo siiyaye!” Markii ay wax yar socdeen ayuu haddana beer kale tilmaamay. ”Taas kalena ma u jeeddaan? Qoys weligii beeroley ahaa ayaa laga qaaday, haddana waxaa leh nin ay madaxweynaha qaraabo yihiin. Weligii ka ma shaqayn ka mana faa’iidaysan, waa taa kayn noqotay. Bal kuwii dheefsan lahaa muxuu ugu qoonsaday?”

“Axmed, yaa khii siyaasadda waa la idinku wada falaye naga dhaaf. Sow tii aad lahayd ma xiiseeyo?” waxaa tidhi Deeqa oo sidii Raage loo xidhay siyaasadda ka waalatay.

Beertii ay u socdeen markii ay soo galeen waxaa ka hor yimid hugunka dabaysha iyo muuska cayaaraya oo u eg dabbaaldeg iyaga lagu soo dhoweynayo. Waxay isu ka la jirtaa ili ka aragtay. Geedo aan badnayn oo cambe ah mooyee inta kale waa muus. Sidaas oo ay u weyn tahay haddana hawsha ay reerku geliyaan iyo manfaca uga soo noqdaa isma leh. Maamulkan la isku ibtileeyay ayaa beeralayda dalagga u go’a intiisa badan ka faro maroojiya. Xabbado muus ah oo bisil ayay goosteen cabbaarna beerta dhex mushaaxeen.

Ma jirto naf aadami oo aan daawashada dabeecadda ku raaxaysani, laakiin naf waliba meel ayay ka la falgashaa. Dhul biyo yarood iyo jiilaal dheer u badan ma jirto dadkiisu wax ay ka jecel yihiin aragga biyo iyo doog. Muuqaalka dahabka u eg ee biyaha Webi Shabeelle iyo jannada ay hoobaantu raaracdo ee labada daamood kaga goglan ma jirto dawo ka waxtarsan oo uu Raage kaga bogsan lahaa abaartii qalbigiisa gubtay iyo xeradii dhagaxa ahayd ee uu waqtiga dheer ku oodnaa.

Markii ay qorraxdu sii kululaatay baabuurkii ayay dib ugu noqdeen oo Xeebta Jasiira afka u saareen. Markii ay cabbaar dabbaasheen ayay dermo dhigteen bacaad nadiif ah oo biyaha buluugga ah ee badda ka yar sarreeya, waxayna furteen cunto bisil iyo cabbitaan ay siteen.

Barwaaqada la haysto qiimaheeda la ma dareemo jeer la waayo. Dalxiiska la wada yahay, hawada nadiifta ah ee la qaadanayo, nicmada indhaha iyo naftaba u roon ee la daawanayo, wadajir ha loogu faraxsanaado laakiin afarta qof mid walba macne dareenkiisa u gaar ah ayay u lahayd. Leyla in ay uskaggii Negeeye ugu dambayn ka qubaysatay, nolosheeduna mar kale caadi ku soo noqotay, oo ay dhowaan aroos gelayso, oo ay waalidkeed Ingiriiska ugu tegayso, waxay u ahayd liibaan aan xad lahayn. Dhabarey isaguna ma da yara, muddo ayuu guurdoon ahaa, qof naftiisa ku habboon oo uu isku aammini karo in uu helo ayaa ahayd farxadda keliya ee ka dhinnayd, tiina in uu maanta hayo ayuu rumaysan yahay. Deeqi fekerka maskaxdeeda iyo rajada nolosheeda oo dhan waxay ku xidhay mar labaad oo ay iyada iyo Raage nolosha wadaagaan, maantana in ay geed hadhac ah hoostii dhabta kaga jiifto dhab iyo dhalanteed ayay u ka la garan la dahay. Marba si aan caadi ahayn ayay u eegaysaa ama isugu duubaysaa, si ay u hubsato in aanay riyo ku jirin ee ay run tahay.

Raage isagu arrin ayuu la yaabbanaa ka fekerkeedana ku mashquulay, taas oo ah qiimaha xorriyadda, iyo sida ay u ka la duwan yihiin xaaladdii uu dorraad ku jiray iyo tan maantu. Neecawda xambaarsan rayska iyo diirrimaadka qorraxda ee dhabannada ka maraysa, ma ay jirin wax uu ku meteli karo oo aan ahayn timaha Deeqi marka ay sidaas oo kale wejiga uga maraan. Waa uu rumaysan kari la’aa in aan araggiisa iyo cirka buluugga ah waxba u dhaxayn; in aan maqalkiisa iyo codadka ka la nooca ah ee shimbiraha wax u dhaxayn; in aan isaga iyo Deeqa wax u dhaxayn; in aan isaga iyo doonistiisa cidi u dhaxayn. Ma jiro wax qof aadami ah xornimo uga qiimo badani, mana jiro wax ka hooseeya in qof xornimada laga qaado. Xornimada iyo la’aanteedu waxay isu yihiin nacdal iyo barakada Ilaahay.

Wuxuu isu eegay waxyeelladii loo geystay iyo falkii lagu maagay, wuuna la yaabay sida ay u ka la cuslaayeen. Haddii uu moodayo in uu waxaas oo dhibaato ah ka la kulmayo wuxuu samayn lahaa wax intaa ka natiijo roon. In kasta oo uu dulmiga iyo dullaynta dadka lagu hayo aad uga niyad xumaa, waxii isaga la yeelayna marka uu ka fekero aad uga damqanayay, haddana maalmahaas oo dhan wuxuu ku dadaalayay taa in uu illaawo. Guntin nacayb ah haddii aad wadnaha ku haysatid ka duwanaan maysid kuwa aad maanta la yaabban tahay, ayuu islahaa.

Wuxuu ka fekeray inta nin maanta meel xabbad iyo xasad la yuurura, dabadeed isaga oo aan isogayn ku qayliyay: “Ilaahow waa mahaddaa mar haddii aan gacantayda iyo damiirkayga midkoodna dhagar qabin!”

“Iyaa?” waxaa wayddiiyay Dhabaray oo mooday in uu hadal soo wado.

Raage su’aasha wuu ku hambaberay, sidii qof selelay ayuuna saddexdii qof marba mid eegay.

Wuxuu ku sii fekeray: laakiin ma habboon tahay qofku dalkiisa iyo dadkiisa in aanu dhagar ka gelin oo keliya in uu ku farxo? In uu dhagarta laga gelayo ka difaacaa sow waajib ku ma aha? Maxaad ka difaacday? Marxaladdan uu xanuunka la taahayo maxaad u qabatay? Tacliinta aad maanta lee dahay sow ku ma aad baran canshuur hooyo ganacsi liita qorrax la fadhida ama adhi miyi ku raacda laga qaaday?

Waxaa lagugu xantaa in aad Rooble u dhaqan eg tahay, taasi dhab ma tahay? Dhiidhi la’aanta lagugu sheegayaa ma jirtaa? Oo ma qabiil baad u dhiidhiyi lahayd? Laakiin ma qabiil keliya ayaa loo dhiidhiyaa? Dalkaaga maad u dhiidhidid? Runtii taa isaga waad ka la mid tahay; sidii qof duumo qaba sidii uu u foororay ee dulmi u tirsanayay ayuu ku gaboobay. Laakiin maantaba sow ku ma dhaamo oo mucaarad ma aha? Mucaarad? Haa. Oo mee? Adigu ku mee? Ka marba xabsiga la dhigayaa sow adiga ma aha?

Wuxuu ku sii fekeray: aroorta marka waagu beryo in aad xabbad qaadataa ma ku la gudboon tahay? Maxay kuu la gudboonaan wayday sow ma tihid qof nool oo dhiig iyo uus leh? Laakiin taasi xalkii ma tahay? Xalkee? Horta xalka la raadinayaa waa maxay? Haa, halkaas arrinta ka eeg. Horta yaa is haya, maxaa se la isku hayaa? Waxaa is haya reerihii dalka wada lahaa, waxayna isku hayaan taladiisa. Haa, wada lahaanshaha la isku ma haysto ee wada talinta ayaa la isku haystaa. Oo maxaa la isugu haystaa, sida loo wada lee yahay maa loogu wada taliyo? Intaas ayaa la garan la yahay, halkaas ayay cilladdu ku jirtaa.

Taladu waa mar la garan waayo iyo mar la gaadhi waayo, laakiin tan la ma garan waayin la mana gaadhi waayin ee ogaan ayaa loo dhaafdhaafayaa. Sababta loo dhaafdhaafayo la ma yaqaan. Shisheeye ayaa la eersadaa, laakiin ruqa ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo.

Nimanka dagaalka hoggaaminayaa, labada dhinacba, waxay ka siman yihiin danayn la’aanta dalkooda. Waxay ka siman yihiin haddii ay Soomaaliya ka dhigaan meel aan lagu noolaan karin in ay u qoondaysan tahay meel kale oo ay ku noolaan doonaan. Waxay wada sitaan baasaboor qalaad ama degganaansho, waxayna lacag dhigteen dhulal shisheeye.

Waxay wada qabaan garasho liidata oo ah haddii aanay iyagu wax noqon Soomaaliya in aanay waxba noqon. Jiritaankooda waxba ka ma gelin jiritaan la’aanta dadkooda. Sideedaba Soomaaliya waxay eedday maangaab aan lahayn riyo fog, han sare iyo ilaalinta jiritaanka isirkiisa. Waxay eedday nin ay aqoontiisa ka maqan tahay siyaasaddu in aanay ahayn hadaf la gaadho ee ay tahay qalab loo adeegsado in hadaf lagu gaadho; in bulshada lagu hoggaamiyo waddo loo arko in ay tahay tii khayrka, loona hayaamiyo dooxo cagaaran oo loo sahamiyay. In siyaasadda lafteeda laga dhigto hadaf loo halgamo waa sifada ugu xun ee siyaasiga, waana ta ay ka siman yihiin. Waxay u wada ordayaan in ay yeeshaan ama ilaashadaan awood ay wax ku xasuuqaan waxna ku bililiqaystaan. Waaba intaas oo keliya. Weli la ma hayo mid aragti dadnimo leh meel marinteeda u guntan.

Ka aan arrin iyo aqoon aayatiin leh meesha ku hayn, ee aan magac iyo maamuus taariikhda ugu hadha raadinayn, muxuu rabaa? Ma habaarka dadka iyo nacdasha xabaasha ayuu u dhimanayaa? Waxa wadaa haddii ay yihiin hunguri uun siyaalo madaxnimada ka dhow oo hanti lagu tacbadaa sow ma badna?

Gelin dambeed ayay ahayd markii ay afartii qof iyaga oo baraad la dareemeen isbeddel lamafilaan ah oo jawiga ku dhacay. Waxaa soo dhacday dabayl wax walba gilgilaysa, baddana waxaa ka soo kacay fad culus oo biyo cantuugsan weli se aan iyaga soo gaadhin, kaas oo jahada bari ilaa waqooyi isku dadbay. Waaxda koonfureed iyo ta galbeed ee cirka waxaa isku goglay caad qunyar qunyar u naaxaya isuna rogaya daruur kaas oo sameeyay hoosiis kulaylkii iyo ilayskii qorraxda dhimay. Shimbiruhu waxay bilaabeen baaq ay isu dirayaan iyo dadaal ay ku diyaarinayaan halkii ay roobka ka jirsan lahaayeen. Dabadeed dalxiiskii waxay u qalab qaateen guryo noqosho.

Maalintaas la dalxiis tegay laba toddobaad ka dib ayay gurigii uu Dhabarey degganaa, ee aabbihii lahaa, isaga iyo Leyli ku aqalgaleen. Bil ka dibna Ingiriiska ayay u dhooftay.

***

Barqo ay bisha Jenaweri bilaw tahay, oo xaalka Xamar meel xun marayo, ayuu Raage ka war doonay qaraabo reer Wardhiigley ah. Degmadaasi waxay ka mid ahayd meelaha dagaalka ugu ba’ani ka dhacay ee lagu le’day, wuxuuna ku arkay waalli aanay weligii maskaxdiisu ka fekerin. Waxaa darandoorri isu dhaafayay hub nooc walba leh, hawadana waxaa ka buuxday siifadda baaruudda. Waxaa dhacaysay dabaysha habaaska badan ee Istaaqfurullow oo qashinka iyo foolxumada sii badisay. Dhirta oo ahayd bilicda koowaad ee magaalada waxaa dabooshay siigo, waxaana badankeeda sida guryaha dhaawacay hub, caleenta iyo midhuhuna iyaga oo curdan ah ayay dhulka qubnaayeen.

Maalintaas ma jirin haba yaraato ee wax nadiif ah iyo wax sharaf lihi toonna. Intii uu soconayay wuxuu isillawsiiyay maydadkii waddada dhinacyadeeda ka muuqday. Waxaa ka hor timid mowjad waraaqo ah oo ay dabayshu sidato, qaar ka mid ah markii uu eegayna wuxuu ogaaday in laga lahaa hay’ado iyo xafiisyo ka la duwan, oo ay isugu jiraan lacag qiimo beeshay, shahaadooyin, faylal, buugaag iyo wax la mid ah. Haddii juqraafi ahaan la eego ciidanka mucaaradka iyo ka xukuumaddu ma ka la soocna, waayo shacbigii ayaa hubka wada qaatay.

Suxufiyiin caddaan ah ayaa meelahaas ka muuqmuuqda. Warfidiyeenka reer galbeedku waxay u eg yihiin haad bakhticun ah: meesha khayr ka jiro lagu ma arko, meesha balaayo ku godlatana laga ma waayo. Nin cad oo sawirqaade sita, oo mayd dhulka daadsan marba xagal ka sawiraya, ayuu Raage meel aan ka durugsanayn ka arkay. Waa uu gartay, waa Oscar Peterson, ninkii shan sano ka hor isaga oo xayiraad shaqada laga saaray ka cabanaya subax baabuurka ku qaaday. Aad ayuu u mashquulsan yahay, si degdeg ah oo xamaasad leh ayuuna maydka u sawiranayaa. Hubka agtiisa ka dhacaya ama ku dhacaya dan ka ma leh oo waxaad mooddaa dadka dagaallamaya in uu la soo heshiiyay. Koofiyadda qorraxda, surwaal gaaban iyo jaakad garbaha ka go’an oo ah nooca ay badanaa suxufiyiintu qaataan, intaas oo wada kaaki ah ayuu gashan yahay, iyo kabo isboorti. Raage wuu ka la sii quwad weyn yahay maalintii uu baabuurka ku dhex arkay, jidhkiisana inta muuqata caddaankii dambaska ahaa waxaa beddelay casaan dhiig ah. Haddii uu dhaqaaqa joojiyo haaddu hilib ayay moodi lahayd oo cuni lahayd.

Raage wuu ku soo leexday si uu u bariidiyo, laakiin intii aanu soo gaadhin ayuu Peterson, oo aan isagu arkayni, orod isa sii daayay. Meel aan fogayn ayuu haddana ku la kulmay qof dumar ah oo aad u darxumaysan bukaan iyo macaluul dartoodna dirqi ku tallaabsanaysa. Calal idlaaday oo aan wax badan u asturayn ayay garaysan tahay. Xamaasad tii maydka la mid ah ayuu qoftii dayacnayd ku sawirtay.

Isaga oo dhaqaaq joogsanaya, oo filin ka buuxsamay beddelaya, ayuu meel dhow ka arkay ninka ku soo abbaaran. Garay in uu isaga ku soo socdo wuuna hakaday.

“Iska warran?” “Nabad.” “Malaha i garan maysid?” “Maya, ku garan maayo. Isu kay sheeg.” “Waxaan ahay Raage Xirsi, waa adigii maalin meelahan iga qaaday ee aynu sii sheekaysannay.”

“Haa, haa, ku xasuustay. Mar kale iska warran?” “Waa nabad. Ma halkan baad deggan tahay mise weli Nayroobi baad ka soo shaqo tagtaa?”

“Nayroobi ayaan ka soo shaqo tagaa. Adigu weli ma macallin baad tahay?”

“Haa, laakiin waad aragtaa in ay talo faro ka baxday.” “Haa, waan arkaa. Weli ma waxaad rumaysan tahay in aanu annagu isku kiin dilayno?”

“Taasi muhiim ma aha, waxaa se muhiim ah in aannu weli isdilayno.”

“Weli ma waxa aad rumaysan tahay kamaradda in aan foolxumadiinna u sito?”

“Iyaduna muhiim ma aha, waxaa se muhiim ah maanta in aad foolxumo ka haqab la dahay.”

“Raage, weligaa ha isku dayin, kaana yeeli maayo, in aad shaqadayda denbi iiga dhigtid.”

“Kaaga dhigi maayo ee hambalyo xorriyadda aad u heshay!” “Mahadsanid!” “Dagaalkii waqooyi ma tagtay?” Raage ayaa wayddiiyay. “Maya, waan haleeli waayay.” “Wax badan baa kugu seegay.” “Haa, foolxumo badan”, ayuu u celiyay oo ay qosolgariir gaaban ku wada dhufteen.

Burburkii iyo xasuuqii waqooyiga ka dhacay, ee boqollaalka kun ee rayidka ah iyo hantidoodii galaaftay, laba ka mid ah magaalooyinkii Soomaaliya ugu waaweynaana dhulka ku galeen, Peterson iyo inta la shaqada ah maalin keliya lagu ma arag. Falkaa waxaa la geystay intii ay iyagu taliska ku taageerayeen hubka, hantida iyo hadalka. Taas darteed fadeexaddaa waa ay iska astureen. Laakiin maanta waxii ka dambeeya xaaladda waxay u sawirayaan si kale, Soomaalidana waxay ku tilmaami wuxuush dadnimada debedda ka ah.

Waxyaalo aan muhiim ahayn ayay cabbaar ka sii wada hadleen, ay ka mid ahayd Peterson oo sheegay in ay daruuri tahay dunida hodanka ahi in ay Soomaaliya gargaar la soo gaadho. Dabadeed orod ayuu isku xaabiyay si uu u helo ayaandarro kale oo dunida dheregtay uga gadmi karta.

Hoogga dalka ka socda Raage isaga oo xabsiga ku jira ayuu ogaa. Hargeysa iyo Burco beri hore ayay gelgelin noqdeen, dadkii gobollada waqooyi ku noolaana waxii aan la duban dalal shisheeye iyo degel xabashiyeed ayay magangaleen. Maantana waxaa dabka saaran intii kale. Cadaw shisheeye u ma iman ee waxa iscunayaa waa uun iyadii oo isku bahalowday. Waa la ka la baxay. Saf iyo saf. Sidii foodley adhijir ah ayaa la isu abtirsaday. Tol la’ay oo tol beelay! ayaa meel walba ka baxaysa. Geelii ayuun baa xukun noqday ee xaalku waa sidii uu weligii ahaan jiray.

“Inan gumeed yahow inan gumeedku dhalay, ma aniga ayaad i xukumi kartaa? Goorma ayaad hal aan lee yahay habeen nabad ku maashay?”

“Inan gumeed yahow inan gumeedku dhalay, nafta iyo adduunku waxay igaga xaaraansan yihiin haddii aan maanta nolol kaaga tago!”

Oo awal miyaan la reer magaaloobin? Hanka miyaan kor loo qaadin hawada noloshana hore loo durkin? Magaalooyinkii la cammiray miyaa la iska dhex tubnaa miyaan dhaqankooda la yeelan? Dugsiyadii aroor walba loo dareeri jiray miyaan waxbaba laga baran? Calankii hawada la ruxi jiray iyo heestii ”Qolaba calankeedu waa cayn” ma riyo macaan oo hurdo gaaban lagu arkay ayay iska ahaayeen?

In dalku dumo dadkuna xasuuqmo xal aan ahayn haddii la garan waayay wax baa qaldan. Garasho la’aan ayay ahaan kartaa jahli sababay, danayn la’aan ayay ahaan kartaa ay gaajo sababtay, waalli ayay ahaan kartaa uu dulmi sababay. Si ay tahayba, magaalooyin madaafiic lagu hoggaamiyay, oo dad iyo duunyo waxii ku jiray halaag loo qoondeeyay, waa hawl sheyddaan qandaraas lagu la galay.

“Dhalanteed aan jirin ha ku dan seegin ee qoriga qaado oo tolkaa dhinac ka raac,” waa farriintii ugu dambaysay ee uu Raage aabbihii ka helay. Xirsi-Micilibaax maanta waa cad, laakiin arrinka iyo abaabulka beeshiisa weli waa u lafdhabar. Mar haddii ay siyaasaddii iyo dhaqankii geelu isku darsameen reerku miyi iyo magaalo waa isku talo. Wuu maqlay wiilkiisu in uu tolkii dagaalka kaga baxay, hub qaadashana gacmaha ka taagtay, sidaas darteed wuxuu dareemayaa maalmihii cimrigiisa ugu dambeeyay in ay magacxumo u soo hoyatay.

Odayga oo keliya ma aha ee Raage tolkiis oo dhan baa la yaabban. Maxaa u diiday in uu sida qayrkii noqdo nin ay ilmo adeerradii ku faanaan oo ka dhex muuqda? Maxaa ficilkii iyo qiiradii ka qaaday? Maxaa soomaalinnimo iyo culays aanu lahayn ku raray? Dhiigga tuumbo lagaaga nuug! Waa wax aan dad ahayn oo Rooble dhaandhaamay.

Fulay xantii ma mooga, waxaas oo dhan si wanaagsan ayuu u la socdaa. Laakiin wax uu isaga oo intan ka yar ka xoroobay miyuu maanta dib ugu noqon karaa? Maxaa ku khasbaya? Wuxuu yaqaannay rag sheegan jiray waddani jawharad ka samaysan oo qabyaaladda meel iska dhigay, haddana markii ay runtu hoortay dhibicdii ugu horreysay ku milmay oo sida biyaha reerkooda dhan u la qulqulay. Ma jawharad baa milanta oo marba dhan u qulqusha? Nacdal baan idinku taal!

Dhacdo walba dad gaar ah baad ku xasuusataa. Raage marxaladdan milanka wuxuu ku xasuustay Rooble. Isaga ayaa baray in uu caqligu ka sarreeyo caadada. Rooble nin qabiil ku milmi kara ma aha, laakiin waa kii siyaasi noqday, siyaasaddiina waa tii qabiil noqotay. Beri dhexdaas ah ayuu warqad qarsoodi ah qof aammin ah ugu dhiibay.

“Adeer, Waxaan arkaa halgan majare habaabay iyo talo hilinka seegtay. Hadafku sow ma ahayn in wax xumaaday la hagaajiyo? Waan hubaa in aad og tahay guushu in aanay ahayn ka la adkaan ee ay tahay ka la roonaan. Haddii kale laba bahal oo ku wada cunaya hadba ka ku qaniinsan ayaad u mahad niqi lahayd.

Dabcan waad iswayddiinaysaa in aan dagaalka ku jiro iyo in kale. Maya, ku ma jiro. In aan xabbad iska farraqo mooyee dagaal aan galaa meesha iigama muuqdo. Waxqabad ha joogee dadaal wuxuu igaga idlaaday in aanan milmin. Bal adigu iska warran?

Nabad gelyo. F.G! Ninkii aad abtiga u ahayd ee ina Geeddi Buraale raq iyo ruux meel uu jaan iyo cidhib dhigay la ma hayo. Amran iyo hablihii se Kiiniya ayay galeen.”

Jawaab soo raagtay ayuu ka helay.

“Raage, In aad dagaallantid iyo in kale go’aankeeda adiga ayaa leh, in aadan milminna waan kugu ammaanayaa. Halganka aad dhaliishay waxaan kaa idhi: Matag meesha aad doonaysid kuguma simo. Cadawgu hub iyo hantiba wuu na dheer yahay, gorgortanna ma oggola. Hal iyada oo irmaan haaneedkeeda lagu heshiin waayay, ma hawl yara iyada oo qalan hilibkeeda in lagu heshiiyo. Macangegnimada intaa la’eg waxa sababay marxaladdan cidina jawaab u ma hayso.

Waxa dhacaya waxba ha ka argagixin, waa geeddisocod ay khasab tahay in la maro. Mustaqbalka ka ma niyad xumi, waxaa se welwel badan igu haya farogelinta shisheeyaha.

Anigu qabiil dan kama lihi, ha ahaato ee nin dameero dabadood ka degay meel u dhaanta ayuu waayay.

Nooli kulantee!”

Markii uu soo noqday muuqaalka magaaladu wuxuu lahaa argaggax xasuusiyay sheeko uu ka maqlay nin goobjoog ahaa maalmihii Hargeysi dumaysay. Isaga oo aan meel uu joogo isgaranayn ayuu gurigii uu Deeqa iyo Hoodo kaga tegay orod ku soo galay, cidla ayuu se ahaa. Xaggee bay aadeen? Gurigii soddoggii ayuu isku sii daayay.

309

“Waddadan aad ku socotid dad badan baa lagu laayay ee iskaga leexo”, ayuu nin aan hubaysnayn oo dhanka kale u ordayaa Raage ugu digay, kuna sii hiiftamay: “Goorma ayaa la arki jiray dumar iyo caydi birta lagala caago!”

Isaga oo aad u naxsan ayuu gurigii reer Warsame soo galay. Deeqi hooyadeed ayay gosha kaga jirtaa iyaduna Hoodo gosha ku sii haysaa, oo marka ay xabbadi dhacdaba sidii lagala cararayo wadnaha ku cadaadinaysaa. Odayga mooyee qoysku waa ay wada ooyayaan. Raage seeddigii Cawil ayaa la dilay.

Wiil reer jekiya ah, oo aan malaha sarraynta isirkiisa shaki kaga jirin, ayaa nolol awalba macno darrayd oo haddana soo noqnoqota ka la mid dhigay dagaal ay laba qabiilo oo madmadoobi qarnigii saddex iyo tobnaad isku qaadeen, kaas oo soo noqnoqda mar walbana saddex boqol oo kun oo madmadow si silic leh qudha loogaga jaray. “Miyuu dagaalkaasi taariikhda dunida wax ka beddelayaa, xataa haddii uu marar aan tiro lahayn soo noqnoqdo oo maydkoodu buuro noqdo?” ayuu iswayddiiyay.

Milan Kundera inoo ma sheegin dagaal ay laba qabiilo oo cadcadi isla qarnigaa isku qaadeen waxa uu taariikhda dunida ka beddeli lahaa. Runtii dooddiisu halkaa ku ma ay wajahnayn ee waa ay la martay, waxaa se jira hadal xaq ah oo baaddil looga jeedo, sababtaas ayaynu tusaalaha ugu hakannay.

Caddaan iyo madow cidda uu doonaba ha ka dhex dhaco waxaa se jira dagaal lagu hoobto oo haddana dhicistiisa iyo dhicis la’aantiisu ay xaaladda taagan isku natiijo uun u yihiin. Xabbad laabta loo dhigto ama qof kale lagaga dhuftaa sideeda macno u ma leh, waa se natiijada ka dhalata waxa macnaha ka qaada ama u yeelaa. Waa haddii sideedaba raq aadami macno laga raadiyo.

Nin dhintayba wax buu damacsanaa, sida ay maahmaah soomaaliyeed tidhaahdo. Qof dhimashada jeceli ma jiro, haddana waxaad arkaysaa iyada oo wadka saf dheer loogu jiro. Haddii aan doorasho kale furnayn, oo dhaqanku albaab walba oo aan kaas ahayn xidhay, isaga in la maro waa lagu khasban yahay. Nin dantiisa u dhintaana ma jiro, waayo nin walba dantiisu isaga ayay la dhimataa. Kuwa dirirta kuu hubeeya, ee marka aad duullanka u baxdid sacabka kugu sagootiyaa, waa isla kuwa marka lagu dilo axankaaga cuna, ee inta ay naagtaada dumaalaan yidhaahda: “Naa nin dhintay kabihiisa ayaa dhaama ee sariirta ii gogol.” Kow iyo toban qulhuwalle iyo faataxo aan orgi weyd ah joogin baa lagugu illaawaa.

Cawil ma uu lahayn sifada dagaalyahan, mana ahayn dadka dabciga qallafsan. Wuxuu ahaa nin sida hablaha u xishooda oo u naxariis badan. Hooyadii waxay ku xifaalayn jirtay in uu lee yahay dabeecaddii ay Deeqa la jeclaan lahayd, halka ay iyadu lee dahay tii isaga ku habboonayd. Ma ahayn nin dagaal jecel, qabyaaladdii lala waashayna isagu aragtiba ka ma haysan, ee dabayshii xoogga lahayd ayaa la tagtay. Markii ay dhawr barbaar oo ilmo adeerradii ah oo duullan ahi guriga ku soo mareen haddii uu diidi lahaa waxaa ku dhici lahayd shaabbad fulaynimo oo aan weligii ka fuqin.

Warsame inankiisa dagaalka la ma uu jeclayn, haddana wuu ku dhici waayay in uu ilmo adeerradii ka reebo. Taas in uu sameeyo ha joogto ee markii ay yarka hooyadii ku barooratay wuxuu ku canaantay: “Naa ninka intaa la’eg haddii aad dagaal u diiddid ma cuntada ayuu kuu karinayaa?”

Sabab kastaa dagaalka ha geliso, laakiin Cawil miyuu baqayay? Dareenkii jaan ee wadnihiisa ruxayay dhiiggana dhex raacayay ma wax uu raggii la socday kaga duwan yahay ayay ahaayeen? Marka cadawgu u muuqdo miyuu sidii hal libaax dareentay kaadi isku sii dayn lahaa? Marka foodda la isdaro, ee qiiqa baaruuddu hoosiis yeesho, miyuu dhabarka jeedin lahaa? Xabbad ay ahayd in uu ninka ku beegan shafka kaga dalooliyo miyuu inta uu wejiga ciidda gashado cirka u ridi lahaa? Dhaawaca ina adeerkii miyuu ka carari lahaa?

Run ahaantii yarku baqdinta uu baqdinta lafteeda ka qabay ayaa aad uga weynayd ta uu dagaalka ka qabay. Fal fulaynimo loogu aanayn karo in laga arko ayaa dhimashada ka la cuslayd. Marba mar- ka ka dambeeya wuu sii dhiirranayay, xamaasad ayaana sii gelaysay. Ha ahaato ee markii ay xabbaddu ku dhacday xaalku wuxuu ahaa si kale. Isaga oo “Biyooy! Alla biyooy! Alla biyooy!” ku cataabaya ayay naftu ka aguugtay. Geeridu qaddarka loo afduuban yahay ayay qayb ka tahay ee wuxuu ahaa kuray dugsi dhigta oo xaq u leh in uu riyadiisa xaqiijiyo. Sharku waa qayb nolosha ka mid ah oo aan sinaba looga lug bixi karin, mana yara inta jeer ee sharkaasi aadami iska soo dhigaa.

Tacsidaas oo jirta haddana Warsame reerka wuxuu u diyaariyay qaxid. Iskarogada in waxii alaab ah ee loo baahan yahay lagu rarto, labada qoysna fuulaan, ayuu qorsheeyay. Laakiin Raage ma doonayn in uu qaxo. Waa ay muuqatay talisku in uu sii ciirayo, sidaas darteed wuxuu doonayay in uu dabbaaldegga maamulka cusub lagu dhisayo ka qaybgalo. Tuurista taliska fashilmay iyo doorashada maamul cusub wuxuu u arkayay munaasabad taariikhi ah oo aan qof nasiib lihi ka maqnaan, oo aan ka yarayn tii calansaarka. Sidaas ayaa la isku sagootiyay. Nabad gelyo iyo nooli kulantee! Eebbe jidka ha idinku nabad yeelo annagana ha na ilaaliyo!

Markii sidaas la isla gartay ayay Hoodo qosol iyo hadaaq ku dhufatay. Waxaa la moodaa in ay fikradda aabbeheed u riyaaqday. Qosolkeedu wuxuu maskaxda Raage ku baraarujiyay bal in uu eego mustaqbalkeeda aan cidina eegi karin. Sannad iyo shan bilood ayay jirtaa, hubka hareeraheeda ka dhacayana iyadu ma oga waxbana ka ma qaban karto. Dad axmaqyo ah ayay dunidan aan imaatinkeeda cidna lagala tashan ee la isku soo jujuubay la wadaagtaa.

Wuxuu maleeyay labaatan sano marka ay jirto xaalkeedu sida uu ahaan karo. Mar kale ayay ku soo mirkacday su’aashii qaddarka iyo waxa uu macnihiisu yahay. Waa sababo isbiirsaday. Hoodo burburka maanta ku xeeran haddii ay ka badbaaddo wuxuu noqon karaa sabab waddada mustaqbalkeeda oo dhan xagaafta, oo raalli ha ka ahaato ama yaanay ka ahaane halka ay doonto afka u saarta. Ficil qaldan oo uu qof qaldani sameeyay ayaa qof kale mustaqbalkiisa oo dhan saamaynaya. Xabbad doqon riday ayaa qof kale dili karta, naafayn karta, ama qaxooti, jaahil iyo sabool intaba ka dhigi karta.

Markii ay reer Warsame iskarogadii rarteen, ee ay dadkii sida daadka Xamar uga qulqulayay baasha ka raaceen, reer Raage waxay u soo wareegeen gurigii laga qaxay.

***

Raage markii la soo daayay dugsigii gaarka ahaa oo ay Leyla iyo gabadh kale cammireen ayuu ku biiray fasallo cusubna ku daray. Markii ay Leyli dhooftayna isaga iyo gabadhii kale ayaa halkii ka sii waday. Tii hore tan ayaa u sharaf iyo nolol dhaanta.

Fiid isaga oo Masjidka Sheekh Cali-Suufi hor maraya ayuu la kulmay arrin uu qacdii hore rumaysan waayay. Waa nin uu garanayo laakiin beddelan oo surwaal qoobabka jooga iyo shaadh cad oo surwaalka dusha ka marsan gashan, cimaamad sacuudina madaxa ku duuban, oo masjidka ka soo baxaya. Isaga oo aan weli xaqiiqsan ayuu kii kale ku soo dhaqaaqay. “Asalaamu calaykum!” “Wa calaykuma salaam!” “Raage, waan maqlay in lagu soo daayay, in aan ku soo booqdana waan jeclaa, laakiin mooyi wax i xannibay. Nabad uun sow ma aha?”

“Waa nabad, Diiriye. Bal adigu iska warran?” “Alxamdu Lillaah! Aad baa loo fiican yahay. Maqlay in ay gabadhi idiin dhalatay.”

“Haa, mar hore.” Wadaadnimada Diiriye ayuu awal la yaabbanaa laakiin imika waxaa kaga daran wuu af dulaaqan yahay, labada fool ee sare ayaa maqan.

Raage markii xabsiga laga soo daayay waxaa lagu soo amray in aanu shaqadii ku noqon karin. Laakiin wax shaqo lagu sheegi karaa maanta ma jiraan. Dugsigii in aanu tegin ka ma ay ahayn amar qaadasho keliya, ee wuxuu ogaa in ay ahayd meel aad isaga dayacan oo aan cidina wax ku baran, foolxumadeeda ayuuna ka indho qarsanayay. Beryahan wax aan dagaal ahayn la ma barto. Barayaashii ay wada shaqayn jireen badankooda meelo kale iyo siyaabo kale ayuu u la kulmay, laakiin Diiriye caawa ayaa ugu horraysa.

“Shaqada in aad ku soo noqonaysid ayaan moodayay, ma shaqo kale ayaad heshay?” Diiriye ayaa wayddiiyay. “Dugsigii gaarka ahaa ayaa shaqo ii ah.” “Qudhaydu dhowaan ayaan shaqadii ka tegay. Denbi intaa ka badan taag u ma hayo.”

Denbi ka cararka wuu iskaga afgobaadsanayaa ee waa maxay shaqada maanta jirta ee uu ka tegay?

“Koow, maxaad markaa qabataa?” “Bal horta in aan diinta barto ayaan u soo jeestay. Wax badan baan adduun eryay, adduunna orod lagu ma gaadho.”

“Haa, orod lagu ma gaadho haddii la eryado, waa uun lagu dabo daalayaa.”

Nabadgelyo xumada dalka ka jirta ayay ka wada hadleen, siyaasadda oo ay weligood ku ka la fogaayeenna ka leexleexdeen. Laakiin Raage wuu yar xiisaynayay dadkii maamulka ku noolaa ee maanta cidlada ku soo dhacay, sida Diiriye, bal sida ay u fekerayaan iyo dareenkooda. Waddadii dheerayd ee ay xinjirtu ku daadsanayd ma ka qoomamoonayaan, mise waaba ay u hiloobayaan? Malaha waaba ay ku faanayaan?

Diiriye jin baa derderay ama dareenka ayaa ka dhintay. Caawa wuxuuba ku andacoonayaa in uu weligii mucaarad ahaa oo soo galay halgan uu ku ilko iyo ciddiyo beelay. Taasi waxay ahayd dabeecad ay beryahaa dad badani la soo baxeen, laakiin tiisu caadi ma ay ahayn. Isaga oo cirridka qaawan carrabka la dhacaya calyaduna ka duulduulayso ayuu si xamaasad leh u yidhi:

“Waad na hiifayseen oo na haaraamayseen ee maxaad ka ogayd waxii aanu naftayada khatar gelinnay? Taliskaa sii liicaya annaga ayaa ridnay. Annaga ayaa inta annu daacad isaga dhignay xadhigga uu xidhaba furray. Kuwa qoriga qaatay ee taliska ka takhullusay waa ardaydii aad wada taqaannay, ee marka aanu kicinayno aad moodi jirtay in aanu xumaynayno.”

“Kicin?!” “Haa, dulmiga dalka ka jira ayaanu taabsiin jirray.” “Laakiin in dulmi la sameeyaa la mid ma aha in dulmi jira la muujiyo.”

“Waxii dalka kor iyo kal xumo ku dhammuuqnaa intaydu waxba ka ma ay ahayn haddii la eego faa’iidada ku jirtay oo ahayd in aanu dhallinyarada kicinnay.” Raage oo afkalaqaad ku dhacay ayuu Diiriye sii raaciyay: ”Rajadii aannu ka qabnay sogootiga gudcurka dheer iyo soo dhoweynta waaga cusubi waxay u eg tahay mid lagu hungoobay. Kud ka guur oo qanjo u guur!”

Waa gartii Diiriye in uu sidaas wax u sheego. Xaalku sida uu noqday iyo sida uu ku socdaa isaga iyo inta la midka ah waa u dan. Nin ka xun ayuu iska dhigayaa wuu se ku faraxsan yahay. Kii labaatanka sano mujrimka ahaa iyo ka shalay xabbadda xanaaqsan la booday in ay isku denbi noqdaan ka hore ayay dantiisa tahay.

In kasta oo ay cabbaar sii wada hadleen haddana Raage markii dambe wax badan ka ma xasuusan waxii ay ka wada hadleen, erayadii ugu horreeyay ayuuba ku wareeray. Wuxuu u ekaa hadal qof waalan. Laakiin isaguba xaqiiqada ayuu indhaha ka warwareejinayaa ee guul loo dabbaaldegaa meesha in aanay ool wuu ogaa. Haddana hadalkii Diiriye naftiisa wuu damqay. Nacdali kortay ma halgankii dad iyo duunyaba lagu waayay ayuu hungo ku sheegayaa? Hooyooyinka goblamay iyo hodanka caydhoobay bal waxaas ha u la tago in ay maydkiisa ka tallaabsan waayaan.

Wax aadan isaga u hiifin meesha waxaa taal aqoondarro xadka ka baxday. Waxa la doonayo iyo waxa la diidayo ayaan la ka la garanayn. Sidii jiiqjiiqle habeen ayaa dabka loogu roorayaa. Hub sheyddaan ayaa macnodarro loo la wada haliilayaa. Dhimashada ayaa sidii wax la dhalay dhabta lagu haystaa oo marba dhaban laga dhunkanayaa.

“Wadaadkii sheekh Xasan waad xasuusan tahay, sow maha?” waxaa yidhi Diiriye.

“Haa.”

“Khayr Alle ha siiyee wadaadkaas baa dhowaan kutub noo bilaabaye aynu diinta wada barannee qudhaadu nagu soo biir.”

Hadda waa Diiriye ninka diinta ku baaqayaa! Waa Ilaaha aan doorsoomin ka wax dooriyaa!

Isbeddel yaab iyo xawli leh ayaa dalka ka socda. Wax waliba si degdeg ah ayay jirjircadka isaga rogayaan: maamulka, mucaaradka, shakhsiyaadka, ascaarta, lacagta… Wax walba waxaa ku dhacaya isbeddel iyo qiimojab waalan. Kuwo shalay mucaarad ahaa ayaad arkaysaa iyaga oo muxaafid ah, kuwo saaka muxaafid ahaana iyaga oo galabta mucaarad ah. Mid shalay wasiir ahaa ayaad arkaysaa oo dadka shaxaadaya, iyo mid qaaqle ahaa oo wasiir noqday. Mid wadaad ahaa oo jirri ah ayaad arkaysaa, haddana mid jirri ahaa oo dadka diinta baraya. Waxaas oo dhami waxay isu beddelayaan maalin maalin.

Sheekh Xasanka uu Diiriye sheegayo dhowaan ayuu dhawr jeer Raage arkay oo kiiba ma uu ahayn. Sida loo dabo yaacayo waxaad moodaysay madaxweyne.

Markii ay xukuumaddu tabar dhigtay, khayr jabhadaha ka soo naaso cadna la arki waayay, dagaal iyo gaajana lagu asqoobay, ayaa wadajir loo qaaday: “Aakhirooy xaggee baad naga xigtaa?” Wax alla waxii dalka ka dhacay waxaa sabab looga dhigay oo keliya in aakhiro la illaawey, xal keliya ayaana loo helay oo ah in aakhiro loo jeesto. Maalintaas ayaa meel kasta oo ay dhimashada iyo aakhiro ka dhow yihiin loo dareeray. Maalintaas ayay wahaabiyadu baarka fidhatay oo xarumaheeda lagu xerooday. Sidaas ayay iyada oo aan xabbad ridin jabhad xoog leh ku noqotay.

“Sheekh Xasan, xaggee jaan ee aad idinkuna ku yaacaysaan?” Raage ayaa maalintii isugu dambaysay wayddiiyay.

“Yaa akhii, meesha lagu wada yaacayo, talada dalka.” “Oo xilka sidaas u culus miyaad gudan karaysaan?” ”Haa, diinta, yaa akhii, diinta.” “Oo sidee baad wax u maamulaysaan?” “Diinta, yaa akhii, diinta.” “Dhaqaalaha, nabadgelyada, bulshada… intuba waxay u baahan yihiin wax ka qabasho iyo wax u qabasho cilmiyaysan, ee ma lee dihiin aqoonteeda iyo qorsheheeda?”

“Diinta, yaa akhii, diinta. Waxaas oo dhami diinta ayay ku dhan yihiin, u mana baahna in laga wada hadlo.”

“Laakiin taa qudheedu sow u ma baahna baadhitaan, diyaarin iyo waafajin waaqica iyo duruufaha jira?”

“Diintu baadhitaan iyo waafajin toonna u ma baahna ee iyada ayaa waaqic ah oo ay tahay in la waafaqo. Adigu se ma diinta Ilaahay baad lid ku tahay?”

“Diinta Ilaahay lid ku ma ahi ee waxaan lid ku ahay in ujeeddo aan xalaal ahayn loo adeegsado.”

In kasta oo baaqaaga lagu soo qamaamo, oo sidii igadh maqaar loo sido lagu daba rableeyo, asaadan lahayn qorshe xaqiiqada waafiqi kara, waxaaga oo dhamina yihiin xamaasad, xanaaq iyo qiiro keliya, marka ay runtu timaaddo ayuun baad sidii jinac indho go’an iska dabo wareegi. Marar badan ayay dhacday taariikhda ayaana ka marag ah.

Wahaabiyiintu haddii ay talada qabtaan shaki la’aan intii ay maamulka iyo jabhaduhu halaageen in la’eg ayuun bay iyaguna gacmaha, lugaha iyo kurka ka gurayaan. Sheekh Xasan haddii uu kursiga kaadida loo soo cabbay isku hawaysto, wallee in aan meel Sacuudiga ka sokaysa lagaga soo hadhayn, isaga oo weliba kabo la.

***

Gariirka iyo hillaaca madaafiicdu caawa waxay shiiqiyeen wax kasta oo kale. Raage wuu ogaa in daqiiqad kasta albaabka lagu soo jebin karo, ama gurigaba madfac ku habsan karo. Sidaas darteed habeenkaas oo dhan wuxuu ahaa soojeedehurda. Sida shabeelka ayuu il ku hurday midna isku ilaalinayay. Laakiin isaga iyo qoyskiisu waxay noqdeen baadi bariday, xabbad maseggo ah oo tib iyo mooye dhexdood ku badbaadday. Aroortii waxaa lagu waaberiistay hubkii oo aamusay iyo daruur culus oo ay dabaysha jiilaal marba dhan u didinayso. Caleenta dhirta sidii ayuu midabkii doogada ahaa uga maqan yahay, hawadana sanka ilaa sambabka waxaa laga dareemayaa habaas iyo baaruud.

Nolosha qofka daqiiqado iyo sekenno ayaa dhisa ama dumiya. Dareen wanaagsan ama xun oo maskaxda ku soo dhaca ayaa wax badan tara ama yeela. Raage iyo Deeqa subaxdaas markii ay nabadqab iyo hubkii oo aamusay ku tooseen, waxaa gashay rajo cusub. Fiiseyaal iyo tikidho ay reer Rooble ka heleen ayaa laba toddobaadba guriga u yaallay oo ay damacsanaayeen in ay dalalka deriska ah kaga dhoofaan. Subaxdaas ayuu se Raage soo jeediyay in ay iibiyaan lacagta uga soo baxdana wax kale gashadaan. Deeqi fikradda xilkasnima darro ayay u aragtay. Waxay jeclayd dhibaatada Soomaaliya ee qofba meel kaga dhuumanayo iyaguna in ay qurbaha kaga dhuuntaan.

“Miyaad waalatay? Waa kee qofka fursaddan heli kara ee habeen keliya halkan u hoyan lahaa?”

“Sababtaas qudheeda ayaa fikradda igu dhalisay. Ka yaacista dalku waa qayb ka mid ah dumintiisa”, ayuu ugu jawaabay.

“Qaxistaydu dal dumin mayso, ee anigu waxaan u baahnahay meel nabad ah oo aan ilmahayga ku korsado.”

“Haddii ay Xamar ka soo rayn weydo meel kale oo aynu ku noolaanno dalka ka waayi mayno.”

Wax uu wadaba wuxuu ku qanciyay negaansho, wax kasta oo dhaca iyo dalka meel ay ka ahaataba.

12

Kursigii dhabar jiifsiga lahaa ee beerta Fillo Adduun ayuu Negeeye weli ku dhacadiidaa sigaarna iska daba shidayaa. Caawa goor hore ayuu qaadka ka kacay, qorshaha ayaa sidaas ahaa. Hawlo badan ayuu berri lee yahay. Toddobadii fiidnimo markii ay saaxiibbadii oo ay Diiriye iyo Raxmo-Yarey ugu dambeeyeen ka dareereen ayuu halkan yar fadhiistay si u ugu neecawsado, laakiin wuu ku raagay. Feker aanu ku talo gelin ayaa isu dhiibdhiibay.

Noloshiisa oo dhan ayuu caawa dib ugu nakhtiimay. Afartanka gu ee uu jiro xasuusta maskaxdiisu wax badan ma ay dhaafin, kor iyo hoosba wuu ka eegay, quruxdeeda waxaa aad uga badan foolxumadeeda, wuxuu se maqli jiray “Rag iyo rafaad waa mataano”. Dhacdooyin gaar ah ayay xasuustiisu ku hakatay: dilkii aabbihii, dilkii Goodir, Mudug iyo Togdheer, Leyla iyo siliskii habaarka qabay, Amran iyo Kaliil…

Weligii maanta ka hor qalbigiisa Amran qaddarin iyo jacayl uga ma waayin, marba in uu ku la’ekaadaba, xataa markii ay ka la tageen ee ay iyadu jinka guursatay isaguna Leyla. Laakiin sidii ay fadeexadda Kaliil u soo shaac baxday dadka dunida ku abuuran iyada ayuu ugu neceb yahay. Wuxuu dareemayaa in ay ka caqli badisay oo ku danaysatay, hoos u eegtay oo sharaftiisa ka tallaabsatay. Siddeed iyo toban sano ayay been daajinaysay. Siddeed iyo toban sano ayuu dhal qalaad korsanayay. Markii uu arrinta ogaaday in uu iyada wax ka sii wayddiiyo iska daaye araggeedaba wuu ka indho qarsaday. Maalin keliya isma uu hor taagin. Iyaduna halkaas u ma ay soo dhaafin.

Markii ay Damalweyn ka soo noqotay muddo yar ka dib ayay gabdhihii Kiiniya u la guurtay, waayo nabadgelyadii Xamar waa ay xumaatay. Isaguna mar haddii uu keligii ahaa bixista welwel badan ka ma uu qabin. Daqiiqadda u dambaysa ayaad laba farood dhexdood ka bixi, ayuu islahaa.

Maalmahan diyaarad keliya ayaa dalka timaadda kana tagta, soomaalida oo dhamina waa dhoof. Taasi waxay khasab ka dhigtay inta diyaaradda raacdaa in ay noqdaan madaxda naf la cararka ah iyo dadka hantida leh, iyo in yar oo ay labadaas qolo gacanta hayaan. Laakiin isaga iyo Diiriye waxay ku tashadeen in ay berriga maraan, oo Kiiniya ama Itoobbiya beegsadaan. Gaar ahaan Negeeye taladaas waxaa ku sii dhiirriyay hunguri ka galay Laankuruusar cusub oo dawladdu lee dahay in uu la baxsado, kaas oo in ay ku socdaalaan ka sokow xaggaa qiimo wanaagsan uga goyn doona.

Imika waa goor dambe, laba iyo tobankii ayay saacaddu weydaaratay, berrina siddeedda aroornimo ayuu ballan lee yahay. Gurigii Hodan ku yaallay markii ay Amran bannaysay ayuu xaraashay, kanna berri ayuu niman la ballansan ka iibinayaa.

Adduun la ka la war la! Ninka sidaas u barakacsan ayay RaxmoYarey cillaan u marsanaysaa oo bisha soo socota aroos ka filaysaa. Fiidkii caawa iyada oo adeeg keentay ayay isaga oo keli beerta fadhiya u soo gashay, sida kalena gurigu aad ayuu cidla u ahaa oo qayladii iyo muusiggii dheeraa ma ay jirin. Inta ay alaabtii xeraysay ayay Negeeye ku soo noqotay oo wayddiisay:

“Cawada sidaan maxaa waaye? Intee la ka la aaday?” “Aniga ayaa ka la diray waayo dad madax ah ayaa ii imanaya, adiguna caawa iska tag oo habaryartaa Iisho la soo seexo.”

Xoogaa lacag ah oo isaga sagooti ka ah iyadana sooryo u ah ayuu siiyay. Sidaas ayay ku tagtay.

Xabbaddii sigaarka ahayd inta uu aad u nuugay ayuu maguujiyay dabadeed kacay oo sariirta isku tuuray.

Subaxdii xigtay isaga oo cabbaar sugay ayay kuwii guriga ka iibsanayay u yimaadeen. Guriga oo ay horeba u arkeen ayay sii indho indheeyeen, dabadeed warqadihii lahaanshaha iyo furayaashii ayuu guddoonsiiyay, lacagtii oo doollar ahna ka guddoomay. Heshiiska ay wax ku ka la iibsadeen ayaa ahaa in ay lacagta doollar ku bixiyaan, waayo waa kan qurbaha u socda shilinkiina wuxuu noqday xashiish.

Magaalada waxaa ka bilaabatay fowdo iyo nabadgelyo xumo aad u weyn. Sidaas darteed qiimaha guriga laga siistay aad ayuu uga yaraa intii uu awal joogay. Yaa se dan ka leh, ma awal baa xoolo loo dhididay laga dhisay?

Lacagtii uu guriga ku gaday iyo waxoogaa uu hore u haystay waxay isku noqdeen lacag badan, waxba se ka ma aha waxii uu soo burbursaday. Intaa, baasaboor iyo warqadihii aqoonsiga ayuu isugu geeyay boorso samsanayd ah, bastooladna guntiga gashaday, dabadeed Laankuruusarkii dhankii guriga Diiriye afka u saaray. Waxay ku noqotay naxdin iyo filanwaa markii uu u soo galay saaxiibkii oo dhaawac ah oo sariirta galgalanaya.

***

Diiriye xalay markii uu isaga oo marqaansan Negeeye ka tegay ayay meel mugdi ah oo gurigiisa wax yar u jirta dad aad mooddo waraabayaal dad cun ahi kaga soo baxeen.

“Duqa, istaag adiga!” Wuu istaagay balaayadii mugdiga kaga soo socotayna waxa ay tahay wayddiiyay. Intii aan loo jawaabin ayuu arkay qori afkiisu dhuunta kaga soo jiro. Waa laba inan oo socodku dhibayo oo caato la ciirciiraya.

“Haye Diiriye, adigii mahoo?” Codkii ayuu maleeyay, muuqii isa soo hortaagayna meesha uu ku arkay maskaxda ka doondoonay. Rajaa gashay, balaayo aan ku aqoon mid ku taqaan baa kaaga roon, ayuu ku fekeray.

“Waa kuwama?” Laakiin su’aashuba afkiisa ka ma ay soo dhammaan markii uu kii soo horreeyay gartay. “Carraale miyaa? Balaayaa ka dhacday! Oo ka kalena waa kuma?” Laakiin isagana garay, waa Gurey. “Waar maxaa saacaddan meeshan idin dhigay?”

“Gacmaha kor u taag, Diiriye,” Carraale oo qorigii madaxa kaga liishaamaya ayaa amar ku siiyay.

“Carraale, maxaa jira? Ma idinkii tobanka sano wax baranayay ayaa sidan u dhaqmaya? Waar isla yaaba oo meel walba xabbad baa ka dhacaysa ee ka xerooda.”

“War ma adigii tobanka sano wax boobayay ayaa caawa halkan maraya oo miskiin iska dhigaya?” ayuu Carraale Diiriye ku canjilay. ”Waad og tahay cidda caawa guri gelaysaa in ay tahay cid wax uga horreeyaane kaaga ayaa qoyane na gee. Na wad.”

Intii uu Carraale la hadlayay ayuu Gurey xagga dambe kaga soo wareegay oo baadhitaan ku bilaabay. Si gaar ah waxay uga welwel qabeen Diiriye in uu bastoolad ku hubaysan yahay, laakiin waxba ka ma ay helin aan ahayn qaddar lacag ah.

“Carraale, dhegeysta, maxaa jira? Maxaa idiin daran?” “In aad gurigaaga na geysid ayaa noo daran. Waxa aad haysatid ayaynu qaybsanaynaa.”

“Waar guriga waxba ii ma yaallaane, haddii aan wax haysto waqtigan halkan ma aan lugeeyeene, intaas aad jeebka ka hesheen baa ii lacag ah ee meelahaa kaga casheeya, xabbadda meel walba ka dhacaysana ka dhuunta.”

Carraale hanjabaaddii ayuu dardar cusub geliyay. “Diiriye, macangeg ha noqon, gurigaaga waannu naqaan, waanan tegi karraa, laakiin intii aannu jebin lahayn adiga iyo annagaba waxaa inoo hawl yar in aad na raacdid.”

“Carraale, sow adigii wadaadka ahaa? Waa maxay waxa aad ku dhaqmaysaa?”

“Adeer aniga ha isaga kay dhigin nin wadaadnimada wanaag u haya ee ina dhaqaaji. Wadaadnimadu sow ma aha waxii aan kaaga ammaan waayay ee aad waxbarashadaydii igaga eriday?”

Diiriye muxuu isu yeelyeelayaa ee isaga dhigayaa ilmo xalay dhashay? Xaalka dalka sow la ma socdo? Sow ma oga in saacaddii aargudashada la joogo? Muxuu Carraale u beerlaxawsanayaa sow isaga oo fasalka afraad dhigta dugsiga ka ma uu eryin? Ma denbi aan wadaadnimo ahayn ayuu galay? Nolosha ma wuxuu moodayay toobiye aan leexleexad lahayn iyo baabuur uu isagu shokaanta u hayo? Waxii uu dulmi dhex dabbaalanayay malaha in mar uun lagala xisaabtamayo maba uu ogayn? Talo ayaa ku caddaatay, wuxuu ka fursan waayay in uu wiilasha sidii ay rabeen u yeelo oo xaggii guriga u hor kaco.

“Meesha waxba ii ma yaallaan, fadeexad ayayna igu tahay in la maqlo ardaydaydii oo guriga iigu soo dhacdaye, qunyar u gala ugana soo baxa.”

loo ma juuqin. Diiriye isla markii uu aqalka furay ayuu xasuustay in uu mugdi yahay oo aanay koranto jirin.

“Waar niman yahow meesha ilays ma jiro ee goor iftin ah ii kaalaya. Berri igu soo noqda,” ayuu isku dayay in uu qiil ka dhigto.

Gurey ayaa kabriid shiday oo gudaha u gudbay, markii uu qolkii iftiin noqdayna Carraale oo debedda taagnaa ayaa Diiriye si xoog leh gudaha ugu soo riixay. Tarraq labaad ayuu Gurey shiday oo miis aan halkii uu taagnaa ka fogayn shumac saarnaa ku dhejiyay. Markii uu qolkii iftiin noqday ayuu Carraale albaabkii xidhay, Diiriyana kursi ku fadhiisiyay, isaguna mid ka soo hor jeeda qorigii oo Diiriye ku soo jeeda la soo fadhiistay.

“Haye Diiriye, in aan ku dilo kuuguma aan iman, laakiin tuhun dhaqaale ayaa ku soo galay. In aad dhoofaysid waan og ahay, adiga iyo sarkaalka saaxiibkaa ahina maalmahan in aad doollar urursi ku jirtaan waan og ahay. Yaad dalkan aad xaalufiseen kaga tegaysaan? Calaa kulli xaal, waxaad haysid inoo qaybi.”

“Waar miyaad kaftamaysaa? Xaggee baan u dhoofayaa? Xaggee baan lacagta aan ku dhoofayo ka keenay? Waad ogayde dugsiga ma lacag baa taallay?”

“Diiriye, waqtiga ha inaga lumin, dalkii in aad hore u cuntay iyo in aad jeebka ku qaadanaysid baad ka dhigtaye, hadalka macnadarrada ah inaga daa oo waxa aad haysid inoo qaybi.”

“Haddii aadan waxba iga rumaysanayn maxaan sameeyaa? Waxii aan hayay waa idinkii igala baxay, welina waxaad lee dahay ’waxa aad haysid inoo qaybi’. Sariirta iyo kuraasta gurta haddaba dee aan anigu dhulka seexdee.”

“Okay,” ayuu yidhi Carraale oo Gurey u sheegay in uu guriga baadho. ”Laba shay oo isa saarani yaanay jirin. Fitir iyo faatir u qaad.

Aniga axmaqani igama dhaadhicin karo in aan qolkan caawa doollar ka buuxine.”

Intii hore oo dhan Diiriye wuxuu isku dayayay in uu wiilasha oggolaysiiyo in uu weli yahay maamulahoodii si uu awoodda ay ka xayuubiyeen uga dhacsado, laakiin imika xaalku waa quus. Waa uu la socday qalabarogadka dalka wada simay, waa se markii koowaad ee uu si dhab ah u dareemay in aan wax sidii hore ahi jirin. Awooddii uu toban sano ku dhowaadka kumanyaalka arday iyo waalidkood ku haystay in uu caawa ka faro madhan yahay ayaa u caddaatay. Waxaa uu xasuustay madaxweynaha oo berigii hore si buuxda u dafiri jiray in ay jirto awood aan tiisa ahayn oo dalka ka jirta amaba ka jiri kartaa oo qudhiisu bilaabay calaacal iyo in uu ku baryootamo: ”Waar magaalada waan idiinka baxayaa ee dagaalka joojiya!”

Diiriye waxay talo kaga ururtay in uu sidii wax miskiin ah kursiga iska yaxoobo, indhahana ka bilig bilig siiyo, oo alaabtiisa la ka la qubayo iyo karaamadiisa lagu joogjoogsanayo daawado. Waa macnaha tabardarrada. Malaha waa nabsiga la sheego.

Labadii nin waxii guriga dhex yaallay wax aanay toban jeer rogin, toban jeer tuurin, toban jeer oo kalena tuujini ma jiro, doollarna faro ku ma hayaan. Carraale oo ay guushu intaas ka la dhoweyd ayay mar keliya jinniyo ku dikadeen, isaga oo xanaaqsan ayuuna Diiriye isku soo rogay, oo qorigii oo ay xabbadi dhuunta jiifto mar kale xaggiisa u soo godlay.

“Diiriye, waan og ahay in aad lacag doollar ah haysatid, haddii aad iga sii qarisidna nolosha ayaan kaa qarinayaa. Wallaahi in aanan naf kaaga tegayn! Soo saar haddaba lacagta qaybtaada waan kuu reebayaaye.”

“Carraale, warbixin qaldan baad haysataa. Ma jiraan wax doollar ah oo aan haystaa.”

Dhirbaaxo kulul ayuu Carraale labada indhood Diiriye oo soo kuududa kaga soo gooyay, markii uu sarejoog isku dayayna qoriga afkiisii ayuu dhuunta ka geliyay oo fadhigii ku celiyay.

“Wallaahi haddii aad far dambe dhaqaajisid soddonka ku jira in aanan xabbad kaaga reebayn!”

Mar kale ayay xaaladdu degtay oo sidii hore ku soo noqotay. Isaga oo aan dhaqaaq lahayn sida uu kursiga uga dhakoolo Diiriye wax nool la ma moodo. Indho nacayb leh ayaa la isku eegayaa, wax la sameeyana la garan maayo. Markii cabbaar sidaas la ahaa ayuu Carraale arkay Gurey oo qoriga afkiisa saqafka guriga ku gugujinaya iyo Diiriye oo eegmada hoosta kaga xadaya.

“Gurey, qaado kursigan oo safiitada soo fuji.”

“Iyaa?”

“Saqafka madaxaaga ku beegan soo fuji.” Isla markaas ayuu Carraale sii xoojiyay digtoonidii uu Diiriye ku ilaalinayay. Gurey safiito uu xoog u soo fujiyay ayuu dhulka ku soo tuuray, oo halkii bannaanaatay gacanta geliyay, oo marba dhan u la raacay. “Aa!” ayuu ku qayliyay isaga oo gacanta musbaar ka muday. Xanuunkii iyo dhiiggii ka da’ayay dan ka ma gelin ee kursigii inta uu ka soo degay ayuu dhan kale u yar durkistay. Safiito kale inta uu si xoog leh u soo fujiyay ayuuna sidii hore meeshii dalooshantay gacantii u bed qabtay xuluuliyay. Dabadeed si lamafilaan ah ayuu u soo dhuftay boorso cad oo maas ah oo ah nooca dalka lagu sameeyo.

“Maxaan kuu sheegayay! Maxaan ku lahaa, Gurayow! Boorsadaas xun ayay xoolihii dunida oo dhami ku jiraan”, waxaa ku qayliyay Carraale oo markii uu shandadda arkay farxad ka la batay.

Diiriye si ku talogal la’aan ah ayuu naxdintii hanqalka u la kacay, dabadeed Carraale ayaa intii uu xoog lahaa qoriga dabadiisa afka kaga dhuftay. Diiriye miiska ayuu ku dul dhacay, isaga oo si foolxun u taahaya ayuuna xinjiro ay labadii fool ee sare dhex dabbaalanayaan soo tufay.

Boorsadii ayuu Gurey furay, waxaana caddaatay in ay xidhmooyin doollar ahi dhex jiifaan. Isaga oo sidii miiska u saaran oo taahaya ayay albaabka ka baxeen.

Subaxdaas Diiriye isaga oo markaas dhakhtar ka soo noqday oo sariirta galgalanaya ayuu Negeeye u soo galay. Madax ayuu kor u soo qaaday, markii uu gartayna isaga oo aan salaanta ka qaadin madaxa barkimada ku celiyay. Aad ayuu u niyad xumaa, sidaas darteed in kasta oo uu sida ay wax u dhaceen u dul maray hadal badan ma uu awoodin.

Negeeye isaga oo ka xun dhaca iyo dhaawaca saaxiibkii loo geystay ayuu soo jeediyay in ay sidan ku wada socdaalaan. Laakiin Diiriye niyadxumada ka sokow wuu xanuunsanayay, socodna ku ma jirin. Inta uu laba kun oo doollar dusha kaga tuuray ayuu isaga oo sii baxaya maqashiiyay:

“Diiriye, anigu waan tegayaa, adiguna meesha iska qaad. Nin weyn baad tahaye meesha iska qaad.”

Markii uu Negeeye wax yar ka sii maqnaa Diiriye waxaa u soo gashay Raxmo-Yarey. Fillo Adduun oo ay ku horreysay markii ay ganjeelada garaacday waxaa ka furay laba nin oo aanay weligeed hore u arag. Waxay malaysay in ay yihiin madaxdii uu Negeeye xalay sheegayay ama waardiyahoodii.

“Haye, yaad rabtay?” ayay wayddiiyeen. “Guriganaan degganahee, Negeeye weli madaxdii maas la joogto?”

“Madax maxay ah?” “Negeeye ma joogoo?” “Negeeye ma joogo, gurigana waa laga gataye, adigu tumaad tahay?”

“Waa laga gatay? Yaa ka gatayna? Isagii aaway?” “Annaga ayaa ka gadannay, isaguna meel uu jiro ma naqaane, adigu tumaad tahay?”

Raxmo in kasta oo xaaladda loo sharxay haddana waa ay fahmi wayday. Habeenkii ay gabadhnimadeeda wayday si aan ka yarayn ayay u naxday. Markaas ayay isku soo daysay gurigan Diiriye oo ay taqaannay. Isaga oo sidii sariirta u daadsan ayay wayddiisay:

“Diiriye, abboo Negeeye ma aragtay?” “Negeeye ma arage, waan jirranahaye iga bax.” “Gurigii waas gadaa la dhehee run miyaa?” “War u ma hayo.” “Afkana maxaa kaaga dhacay? As maa isdagaasheen?” “Isaga ayaanu isdagaallay, haddii aad aragtidna xabbad baan ku dhufanayaa ee u sheeg.”

Hadalkaas wuxuu uga dan lahaa in aanay Raxmo mar dambe ku soo noqon oo Negeeye wayddiin, iyadu se waa ay rumaysatay oo iskaga tagtay. Dhawr cisho ayay ku qaadatay in ay fahamto xiriirkii iyada iyo Negeeye in uu ahaa ruwaayad ay iyada qudheedu qalanjo ayaandaran ka ahayd. Waxay ka fekertay in ay Afgooye aaddo oo Webi Shabeelle isku riddo, sidii ay hindiyaddii filinka ka aragtay.

***

Negeeye saaka markii uu Diiriye ka soo baxay magaalada ku ma leexleexan ee waddada dheer ee koonfurgalbeed Xamar uga baxda ayuu ku toosay. Waa uu baqayay. Kontorollada meel walba la dhigay iyo askarta dadka ku bahalowday isagu baqdin badan ka ma qabin, waayo gaashaanle dhexe ayuu lebbisnaa, haddii uu askar macangeg ah la kulmana toban doollar ayuu u laabi. Mucaaradkana wuu ka baqayay, haddii ay qabtaanna wuxuu u sheegi doonaa in uu iyaga ku soo biiray. Laakiin baqdinta ugu weyni waxaa ay ahayd xabbad seeraar ah oo haleesha. Taa ka sokow Negeeye oo mayd ah in ay arkaan dadka jeceli ma yara. Mustaqbalka mugdiga ahi sinaba u ma cabsi yara.

Waddada Afgooye ayuu baabuurkii cagta u saaray, Afgooye iyo Xamar dhexdoodana wax dhibaato ah la ma uu kulmin. Markii uu Afgooye ka baxay ayaa dhawr jeer meelo waddada ka durugsan tacshiirad lagaga soo furay, laakiin waxyeello ka ma ay soo gaadhin.

Markii uu toban kiiloomitir Daafeed dhaafay ayuu waddada midig uga leexday, si aanu mucaaradka u la kulmin, wuxuuna qabsaday wadiiqo ay baabuurta xaabada iyo dhuxusha Xamar geysaa shaagga ku la baxday. Cabbaar ayuu beelo mutullayaal ah marba mid ka gudbay.

Markii uu muddo saacad ah qardojeex ku socday, ee uu magaalooyinkii iyo waddadii laamiga ahayd ka fogaaday, baqdintii waa ay ka yaraatay. Wuxuu dareemay degganaan, wuxuuna shitay cajalad hees ah oo ka mid ah kuwii uu ku geerashayn jiray. Heesta wuxuu ku xusuustay waayo waayo iyo habeennadii marqaanka, habeennadii Filla Adduun, Seybeeriya iyo gurigii aan magaca lahayn ee Burco. Saxansaxo qaad oo dhalanteed ah ayaa saaqday, sidii mas gaajaysan ayuu u millikhsaday. Boorso doollar jiifo oo dhinac taal ayuu jalleecay, markii u horreysay ayuu dareemay lahaansho buuxa iyo in ay mulkigiisa tahay.

Isaga oo feker ku maqan ayuu si lamafilaan ah muraayad haadda uga arkay baabuur soo dabo xammaysan. Inta uu muraayadda rumaysan waayay ayuu daaqadda qoorta ka ritay oo dib u eegay. Waa xaaji khamsiin ay dusheeda rag dabley ahi ka muuqdaan oo laba boqol oo mitir u soo jirta. Shaki ka ma gelin in ay yihiin qawlaysato isaga ugaadhsanaysa, qardajeexii ayuuna baabuurka intii ay awooddiisu ahayd hawada cabsiiyay. Daqiiqado yar ka dib baabuurkii eryanayay wuu ka soo fogaaday, siigadii oo keliya ayuu arkaa, laakiin xawaaraha ma uu dhimin.

Waa kowdii duhurnimo, qorrax aan kululayn ayaa galbeed u badatay wejigana ka haysa. Imika wuu ka soo baxay degaankii Shabeelle iyo ciiddii dhoobada iyo habaaska badnayd, wuxuuna marayaa dhul didib ah oo ay ciiddu nadiif tahay oo ku beegan waqooyiga Buurhakaba.

Baabuurkii ugaadhsanayay nuse saacihii u dambeeyay war iyo wacaal ka ma hayo, wuxuu se rajaynayaa in ay quusteen oo ka hadheen. Waa uu garanayay in ay yihiin shuftada hubaysan ee beryahan meel walba hubka la tuban, ee waxii ay quud iyo qiimo ku tuhmaanba qoondaysanaya. Isagana dheef kale ku ma oga ee waxay u daba ordayaan in ay Laand Kuruusarka ka furtaan. Laakiin dhac uu ninkii lahaa nool yahay beryahan dhac lagu ma tiriyo, waa in ay horta isaga nafta ka xayuubiyaan si ay baabuurka u xalaashadaan, waa xeer dhaqameedka cusub ee wax lagu ka la dhaco. Iimaan la’aanta iyaga haysa ayaa isagaba haysa ee muxuu baabuur xun naftiisa ugu biimaynayaa muu si kale u dhoofo?

Wax uu wadiiqooyin dhuubdhuuban shaagga ku ilaaliyo oo midba mid uga leexdaba, mar uun ayay waddadii uu hayay soo oodantay. Wuxuu isarkay isaga oo geed weyn oo waddadii uu hayay ka dhex baxay hor taagan. Baabuurkii inta uu ka degay ayuu xaaladda kormeeray, wuxuuna ogaaday in ay ahayd waddo duug ah oo aan sannado badan la marin, suurto galna aanay ahayn in uu hore ugu sii socdo. Waxay ku kelliftay in uu dib u ka la fireeyo si uu waddo kale u helo.

In kasta oo uu malihiisu u badnaa nimankii eryanayay in ay ka hadheen haddana wuu feejignaa, waxa ay se ahayd meel dhir badan oo aan meel dheer wax laga arki karin. In aan daqiiqad ka badnayn markii uu dib u soo socday ayuu si lamafilaan ah hortiisa uga arkay baabuurkii eryanayay oo in boqol mitir ka yar u soo jira. Ma uu haleelin wax aan ahayn in uu baabuurka degdeg u joojiyo oo bastooladdii iyo boorsadii gacanta ku boobo, oo albaabka iska furo si uu kaynta ugu dhuunto. Qolada kale qudhooda arrintu kediso ayay ku noqotay, isaga oo daaqadda iska furaya markii ay arkeenna inta ay baabuurkii joojiyeen ayay tacshiirad ugu yaraan laba qori ka soo dhacaysa oodda kaga qaadeen. Isaguna dhawr xabbadood ayuu degdeg ugu riday. Markii ay ogaadeen in uu hubaysan yahay waa ay gabbadeen, laakiin toogashadii ka ma ay joojin.

Tobannaan xabbadood ayaa Negeeye sida roobka ugu hooray: mid baabuurka ku dhacda oo iyada oo seeraar ah dhegaha ka marta, mid dharkiisa dacal ka daloolisa, mid iyada oo xiimaysa wejiga u marta, iyo mid hortiisa ciidda xuluulataba. Dabadeed xabbad ayaa bawdada bidix ka muquurtay. Isaga oo aan nabarka eegin ayuu markiiba degdeg u gurguurtay, baabuurkana dhanka kale uga wareegay si uu gabbaad uga dhigto. Naftu orod bay kugu ammintaa, rasaastii cadawga oo sidii ugu yuururta ayuu galgashay oo geed aan ka fogayn jirridda u galay, haddana sii galgashay, isaga oo lug uu hubo in aanay jabnayn laakiin dhaawac xun qabta jiidaya.

Nimankii la dagaallamayay markii uu cararay xabbadda ka ma ay joojin, isaguna orod waxaan ahayn waqti iskagama lumin. Markii uu shan geed, haddana toban geed, dabadeed in ka badan weydaartay, rasaastii lagu soo ridayayna ay ku soo durki wayday, yididiilo nololeed ayaa gashay, orodkii oo aanu imika tabar badan u hayn ayuuna ku sii adkaystay. Marba dib ayuu eegayaa, marka uu waxoogaa ordaba sida weeraha ayuu jahada socodka beddelayaa, haddii uu meel ciid ah ku soo beegmo wuu ka leexanayaa oo dhagaxa iyo cawska ku raadgadanayaa. Daqiiqadba ta ka dambaysa ayuu sii dareemayaa tabardarro iyo xanuun lugta oo aad u dhiigbaxaysa kaga soo kordhaya. Durba surwaalka iyo kabtu waa ay ku dhegeen.

Xas jiq ah ayuu yar fadhiistay aadna u dhegeystay wax uu cod aadami ku malayn karo, waxba se ma maqal. Wuxuu aad u maleeyay qawlaysatadii in uu baabuurkii ku fillaaday oo ay kaxaysteen. Abaal badan ayuu ugu hayaa in ay intaas kaga tagaan. Aad ayuu nabarku u xanuunayaa, sidii neef la gawracay ayuuna u dhiig baxayaa. Harraad aad u daran ayuu dareemay. Lugtii dhaawacnayd, oo weli si aad ah dhiiggu uga burqanayo, ayuu surwaalka ka jeexay, dabadeed ku duubay si uu dhiigbaxa u joojiyo. Bilawgii ma uu moodayn dhaawacu in uu sidan u xun yahay, imika se wuxuu arkay xabbaddu in ay kaga soo dhacday bawdada sare, iyada oo aan lafta jebinna hoos u raacday oo seedda muruqa iyo xagasha isu haysa la baxday.

Qorraxdu casargaaban ayay u hoobatay, meeshuna sida muuqata waa cidla ciirsila. Haddii uu nimankii eryanayay ka badbaado sida uu nolol kale ku gaadhi lahaa ayuu ka fekeray, in uu socodka sii wato ayuuna ku tashaday. Markii uu damcay in uu kaco xanuun badan iyo awood la’aan ayuu iska dareemay, laakiin socod ayuu bilaabay.

Lugta awal dhulka wuu dhigayay imika se wuu jiidayaa. Waxaad mooddaa xubin culus oo jidhkiisa dheeraad ku ah. Boorsadii sheyddaan ee lacagta iyo waraaaquhu ugu jireen culays aanay awal lahayn ayay la soo baxday, bastooladda qudheedu waa la mid. Wuxuu ku fekeray waxaba in uu daadiyo, wuu se sii adkaystay. Xanuunka lugta ka haya iyo harraadka waxaaba kaga daran qanjabarar labada sarcamood kaga bilawday, qawlalladana sida baarqab ayuu abur ka daadinayaa.

Cabbaar markii uu jiitamay ayuu isarkay isaga oo dhulka daadsan, wuxuuna ka la garan waayay in uu dhacay iyo in uu fadhiistay. Cabbaar kale ayuu isaga oo taahaya dhabarka u jiifay. Goor dambe ayuu maqlay ciyow ciyaya, madaxa ayuu kor u soo qaaday oo hareeraha eegay, mise waa fiid cilcillaw. Waa habeen! Meel xun Alle ku dhig ee Negeeyow waa maxay meesha aad taal? ayuu isku hiifay qadaadkana dhulka ku dhuftay.

Xilligu waa diraac. Jawiga guud, gaar ahaanna dhirta soogsoogan iyo dhiigga, waxaa uu ku xusuustay dhalashadiisii iyo dhimashadii aabbihii ee uu sheekada ku maqlay isku waqtigana ahaa. Qabow ayaa ku soo kordhay haddana dab ayaa fekerkiisa ku soo dhacay, laakiin kabriidkii baabuurka ayuu kaga soo cararay.

Isaga oo sidii u daadsan ayuu bastooladdii dhinac taallay gacanta midig ku haabhaabtay, oo waa ay cabbaysnayd ammaankuna ka rognaa ee keebka farta la doontay, oo inta uu kor u soo qaaday saddex xabbadood oo ka la dambeeya cirka u riday. Dhawr shimbirood ayaa agtiisa ka duulay dhawr kalena ci dhiillo leh ayay isugu jiibiyeen, laakiin cod aadami ma uu maqal. Meeshu waa gabaahiir col iyo abaar looga haajiray.

Hurdo hadalkeed ma jiro cabbaar ayuu se suuray. Intii uu suursanaa wuxuu ku riyooday waraabe isaga oo nool raqaya. Sababta riyadu malaha waxay ahayd waraabayaal ilaa markii ay qorraxdu dhacday hareerihiisa ka qawdhamayay. Wadka ayuu meel dhow ka arkay, wuxuuna ka fekeray dabeecadda iyo dhadhanka dhimashada, haddana aakhiro iyo xaalkeeda ayuu u booday. Irridkii jannada iyo kii naarta oo isdhinac ballaqan ayuu marba mid jalleecay, dabadeed waxqabadkii noloshiisa dib u eegay.

Waxaa saf dheer u soo galay dad badan oo uu dhawr ka weji garanayo meelihii uu xabbadda kaga dhuftayna dhiig ka da’ayo. Waa ay aamusan yihiin oo isaga uun soo wada eegayaan, taagnaanta mooyee si kale nolol looguma malayn karo. “Maxaad ii dul tuban tihiin, ducafo yahay ducafadu dhashay? Awal aniga ayaa idin laayay imikana waan idin laynayaa”, ayuu ku qayliyay, oo bastooladdii kor u soo qaatay. Isla markaas ayuu miiraabay.

Ma jirto jariimad ka weyn naf aadami oo xaqdarro loo gooyaa, denbidhaafna ma leh, ayuu maqli jiray, laakiin si dhab ah caawa ka hor ugama fekerin. Degganaan iyo aamus argaggax leh ayaa jawiga ku xeeran. Goortan Negeeye dunida wuxuu ugu jecel yahay in uu maqlo cod dad, ci xoolaad ama guux mishiin. Laakiin waxa keliya ee uu maqlayaa waa ci guumays iyo qawdhan waraabe.

Imika in kasta oo aanu isdhaqaajin karin maskaxdiisu si wanaagsan ayay wax u ka la garanaysaa. Waa mugdi, laakiin saqdhexe iyo waasoodhowaad mid ay tahay ma garan karo. In uu saacadda eego ayuu damcayaa haddana illaawayaa ama awoodi waayayaa. Bastooladdii oo garabkiisa midig taal ayuu ilqoodha ka jalleecay, gacan aan mayd waxba dhaamin ayuu kor ugu soo qaaday, wuxuuna goostay talo bilawgii kaga argagixisay. Isla markaas uu go’aanka quusta ah gaadhay ayuu arkay wejigii Amran oo ku soo foorora, waxayna ugu soo celisay hadalkii ay beri hore ku tidhi: ”Negeeye, dhoofkaaga mooyee sow adigan dhintay! Sow tan ay ku dishay xabbad ka soo dhacday gacan aad kuugu dhowi!”

Wax badan ayuu ku fekeray in uu gacan ku bixi doono, goor ay ahaataba, gaar ahaan gacanta ilmo Goodir. Laakiin in uu sidan u dhinto, oo ay xabbad aan magaciisa aqooni cidla ku tuurto, waxay la ahayd karaamodarro aan mid ka weyni jirin.

Laakiin ma xabbad keliya oo lug kaaga dhacday ayaad u dhimanaysaa? ayuu iswayddiiyay. Maya, maya, waad ka adkayd nin ay xabbad doqon ah oo lugta kaga dhacday aakhiro u dirto. Silican waxaa dhaanta dhimashada. Bastooladda afkeeda ayuu dhafoorka ku muday murdisadana keebka ku tuujiyay. Markii ay xabbaddu dhacdayna sidii markii hore wax shimbiro ahi ma ay duulin mana ay ciyin, waxaa ka dambeeyay uun gudcur aamusan.