Adeegto

JAMHUURIYADDA DIMOQRAADIGA SOOMAALIYA
Akademiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta

ADEEGTO

M X Cusmaan – Muqdisho

JAMHUURIYADDA DIMOQRAADIGA SOOMAALIYA

Akademiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta

ADEEGTO

M X Cusmaan – Muqdisho 1979

Xuquuqda Qoraha (XQ)
M X Cusmaan

Daabacaaddii u horreysey 1983

Buuggan lama daabaci karo lamana beddeli karo iyadoo aan hay’adda ka mas’uulka ah iyo Qoraha lagala tashan.

Waxaa lagu daabacay
Wakaaladda Madbacadda Qaranka

ARAR
Waa mid jirta in dadku nolosha ku kala duwanaado, waa ma dhacdo in si isku mid ah dhammaan dadku u wada noolaado, ha yeeshee waxaa iyana jirta in fiiro loo yeeshaana ay tahay arrin lama huraan ah in loo qiro loona ogaado qof kastiba kaalinta uu bulshada kaga jiro xagga wax qabadka iyo xag wax qabsiba. Arrintani ma aha mid loo dhasho ama la iska dhaxlo ee waa mid ku xiran hadba qofku siduu wax u qabanayo.
Qofku waxa uu qabanayo waa in loo ogaado, laguna xaq mariyaa. Haddii taa la waayo dulmi baa dhacaya, mana aha dulmigaasi mid loo baahan yahay.
Adeegto (Booyeeso) waa qiso ku saabsan gabar markii hore ahayd reer baadiye, markii xigayna magaalo soo gashay. Qisadu waa nolosha gabadhaa, mar kastaba way dulmaneyd, aan ahayn markii ugu dambaysay ama qaybtii dambe ee nolosheeda taasoo cid Alla baxshay, nin ay mahadisayna haleeshay ugu dambayn.
Waa mid aynu wada og nahay nolosha gabar raja ah oo baadiye ari aayadeed madax ugu tahay raacda, waxaynu kaloo ogsoon nahay qofka adeegto, booyeeso ama jaariyad la yiraahdaana sida ay u nooshahay, midda kaloon sida fiican u wada naqaannaa waa dhaqammada xun ee aynu leenahay ee la xiriira dhanka guurka ama waxa lagu magacaabo is-gayidda. Dhammaan tilmaamahan waxaad ka heli doontaa qisadan. Waa mid jirta in dhaqan xumada dad rabey faraha kaga guban doono, siday u filayeenna ay noqon weydo.

-I-
Waxay ahayd goor barqo dheer ahoo dabayl aad u xoog badan ciid badanna qufaysaa, maadaama ayan magaaladu dhisnayne wada ciid iyo qashin tahay, firada, siigada, boorka iyo qashinka ay wadato, markii goob Maxkamad degmo ah dacwo ka aloosantay. Dacwaddaas oo ka dhex oogneyd dad dhawr qaybood ah iyo gabar aan sidaa u da’ weyneyn, xaamil ah, si u itaal daran, dhiig yaraanta, caatada iyo baqdinta ka muuqataana tilmaan la’ yihiin.
Dacwadda dad kalaa maamulaya, dadkaas ood mooddo ama ahaaba dad iyada u hadlaya badidoodu, inkasta oo uu jiray garyaqaan guud iyo kaaliyayaashii kuwaasoo iyagu u dhex ahaa qolada dacwaddu ku socotee gabadha iyo kooxdeedu ku maran yihiin iyo iyaga.
Qolyaha dacwadda loo haystaa waa niman dhawr ahoo si u arag iyo dhar xun meel gaar ahna soo fadhiya, nin takhtar ah oo isagoo si walba u yaabban isna meel kaloo gaar ah soo fadhiya, iyo nin kaloo isna sidoo kale indhaha taagaya oo isna meel u gaar ah soo fadhiya. Saddex meelood oo kala gaar ah baa lagu kala hayaa. Mid mid la hadli kara may lahayn, inkasta oy jeclaan lahaayeen inay inta isla hadlaan isla tashadaan, si ayan dambiga u wada tiimban.
Dhanka kale waxaa ka soo jeeda dadweyne dhegeystayaal ah iyo garyaqaanka guudiyo kaaliyayaashiisa maahee, gabadha dac­wadda leh, iyo laba ninoo iyada u mudacaya. Mid waa abukaate midna waa gaashaanle labbisan.
Mar uun baa garyaqaankii ku dhawaaqay in Maxkamaddu furan tahay, “Ha la aamuso, hadalka ha la daayo, maanta oy taariikhdu tahay 24.4.82 waxaa si rasmi ah Maxkamaddan looga furay dacwadda loo haysto dadka kala ah Cabdi Cali Gacal, Takhtar Dacar Xasan Cawil iyo kooxda kale dhankaa ka soo jeedda ee magacyadoodu yihiin: Maxamuud, Meygaag, Dhunkaal, Yuusuf, Faarax iyo Abxado. Taasi waa dhanka dacwadda loo haysto. Dhanka kalee wax dacweynaya waa gabadha dhankaa ka soo jeeddee la yiraahdo Maryan Axmed waxaana wakiil u ah una dacwa galaya Abukaate Xasan Maxamed Faarax waxaa kaloo kaalinaya Gaashaanle Cabdi Cartan.”
“Maxkamaddii waa furan tahay iyadoo aynu sugeyno waxay qolyaha wax soo dacweeyay goobta keenaan.”
Garyaqaanka guud maruu hadlayey qof kasta oo gobtaa hawshaa u yimid markuu magaciisa sheegayeyba wuxuu ku amray inuu isa sara taago si dadweynuhu wajigiisa u arko.
Abukaatihii oo waraaqo dhawr ah gacanta ku haysta ayaa meel dhexoo loogu tala galay isa soo taagay oo yiri, “Horta Maxkamadda iyo dadweynaha dhegeysiga iyo dacwadda u joogaba waa la salaaman yahay. Sida garyaqaanku u sheegay Maxkamaddii haddii la furay, waxaannu soo qaddimeynaa dacwaddayadii aan ku soo oogney dadka sharcigu soo qabtay kaddib markii ay ku xad gudbeen. Waxaan ku bilaabaynaa, waa siday u kala sahlan yihiin, kuwa kooxda ah oo iyagu noo caddaatay inay qoftan miskiinta ah dili maageen iyagoo dhacaya waxay sidatay laba toorey bay sureen, si ay uga hartoo u siideyso waxay ku maageen iyagoo raba.
Marka garyaqaan, annagoo maraggii hayna nala arag horta arrintaa.”
“Keen maraggiina,” garyaqaankii baa yiri.
Waxaa soo boodey afartii askariye qabtay tuugta, waxayna qireen wixii jiray. Waxaa kaloo iyana qirtay tuugtii dambiga gashay. Ka hor intaan kuwii kale loo gudbin baa iyagii la xukumay.
Waxaa soo haray labadii kalee midba meesha fadhiyey, oo aad iyo aad u yaabban. Waxay yiraahdaan bay garan la’ yihiin. Way cabbursan yihiin.
Kuwii la xukumay xabsigaaba loo taxaabay maadaama ay si sahlan u qirteen.
Intii baa biririf la qaatay. Cabbaar markii meelaha la taagtaagnaa baa mar dambe la isu soo noqday. Sidii oo kale ayaa dib meeshiisii waxaa isu soo taagay Abukaatihii oo awal wuu yare gaabinayeye hadda isagood mooddo inuu nimankan ilkaha iyo ciddiyaha ku cuni rabo yiri, “Garyaqaan, innagoo mar labaad bilaabayna maanta hawsheennii waxaa soo bandhigayna in labadan nin ee hadda dacwaddu ku jeeddo ay yihiin laba dambiile. Aad iyo aad bay u galabsadeen in lagu qaado dambigay galeen oo ah: Horta ugu horreyn ninka Cabdi la yiraahdee kufsaday iyado u shaqaysana rimiyey markuu kufsaday iyadu inan bay ahayd awoodna wuu u waayey uu ku naagaysto taasoo uu inta middi la galay qalay qoftaa miskiinta ah.
“Isla maalintaa ayuu cisbitaal geeyey si uu u daaweeyo. Wuxuu u geeyey ninkan takhtarka lagu sheegayee isna meesha soo fadhiya. Dabadeed markay arkeen siday qoftani u dilan tahay bay goosteen inay cisbatalka ka saaraan oy guriga ku daaweeyaan, ileen hadday cisbataalka u daayaan arrintu way soo shaacbaxaysaaye, way is af garteen oo waxay wadaagsadeen dambigaa isaga ah.
“Teeda kale, kaddib markii Cabdi arkay inay xaamil tahaye ay ceeb isaga ku tahay in la maqlo adeegtadiisii buu rimiyey buu iska eryey.
“Gabadhis iyadoon cid aqoon ciirsina lahayn bay galabtii dambe magaalada isku soo qaadday ilaa tuugadaan hadda xirxirtay ay dilaan. Dhaawaceedii baa cisbitaal uu takhtarkii horey iyada u dulmay joogo la geeyey isna mar alla markuu wax tuhmey, wuu baqay oo is yiri malaha inay dhimataa roone faraha ka qaadoo waxba ha daaweyn.
“Run ahaantii way dhiman lahayd haddayan hesheen oday meeshaa ka shaqaynayey ee fahmay isku-ladka Takhtarka.
“Marka qoftani sidaa ayaa horta loo waxyeelleeyey. Anoo su’aala kale ii hareen, warbixintii waa iga intaa.”
“Wax markhaati ah ma haysaan?” Garyaqaankii baa yiri.
“Waxaannu haynaa iyada iyo kaaliyihii badbaadiyey,” Abukaatihii baa yiri.
“Gartay, laakiin waxaan doonayaa inaan dambi baaris buuxda helo, maxaa yeelay, sida muuqata arrintani mid sahlan ma aha, iyaguna waa inay is daafacaan waxay qabanna la helaa, midda kale idinka idin garannaye maxaad gabadha isu tihiin? Aaway dadkeedii?
“Arrintani waa in sal iyo baarba loo baaraa, la soo lafa guraa, gunteeda la soo taabtaa oo runteeda la helaa dabadeed siday tahay loogu tillaabsadaa,” garyaqaankii baa hadalkaa yiri.
“Waxba kama qabnoo, annagayba dan noo tahay tani, waxaannu heli doonaa warar kaloo naga sii daahan maanta. Taadse nagu tiri, ‘Maxaad gabadha u tihiin?’ waxaan kaa leenahay, wax aan aadaminimo ahayn oon ka leenahay ma jirto, inay miskiin la dulmay tahay uun baan aragnay dabadeeda annagaa hawshaa isu diray,” gaashaanlihii baa inta istaagay yiri.
“Waxaan filayaa in Maxkamaddii aan dib u dhignay ilaa la soo helayo warbixinno iyo dembi baaritaan kan ka tifaf tiran si qofkii dambi leh loogu qaado dambigiisa isagoon isagana lagu xad gudbin.” Garyaqaankii intuu miiskii laba saddex jeer tumay buu istaagna u hinqaday hadalkaa ka sii tagay.
Maxkamaddii baa dib u dhacday ilaa waqti, su’aasha meesha tiilna waxay ahayd: maxaa dhab ah, sideebaase wax u dheceen?
Sheekadii baa dib u bilaabatay si raadkeeda dhabta ah loo soo helo loogana baaraan dego ilaa dhammaadkeeda la tagayo.


Waxay ahayd barqo dheer, qorraxduna aad u kulushahay. Kulaylka qorraxda waxaa u sabab ahaa waqtiga markaa la joogaa ahaa kaliil cirku aad u kacaansan yahay. Meesha markaa la joogo dhawr iyo toban beri ka hor ayaa hogol aan sidaa u weyneyni qabatay. Iyadoy kala jaban ahayd darteed ayaa cido badani isugu yimaadeen hogoshaa yar.
Ciduhu waxay meesha degeen ka hor intaan naqba soo bixin taasoo inta wixii soo bixi lahaaba cagta la mariyey lagu tuntay. Cuudkii isugu yimid aad buu u tira badnaa isagoo nugul la marraa. Coodkaasi aad buu u hawl iyo baxsad badnaa. Dadka dhaqaa dhib iyo shiddo dheeraad ah bay ku qabeen coodkaas, iyagoo weliba ay u dheerayd kulka, hanfiga, caqashada iyo cunto yaraanta. Markaa weli lama gaarin gamashigii guga oo ah marka inta geeduhu aad u baxaan coodka oo dhalay caano badiyaan, naaxaan, hawl yaraadaan, dadkuna inta badan iska baruura daacsadaan.
Gamashigu waa marka dhallinyaradu inta qooqdo cayaar gud, xodxodasho, haasaawe, isla bixid, aqal gal, ama aroos, ardaagal, iyo wax la mid ah ka bixi weydo. Welise lama gaarin gamashigii, waana la sugayey, inkastoo xilligu u muuqday mid inta kala jaban dhigay la wada ciirsan yahay, raggii ka xiddigin jireyna ay quus ka taagan yihiin.
Waxaa intaa dheeraa iyadoo la soo maray jiilaal aad u dheer, dad iyo duunyana la wada duukhayo markaa iyada ah. Wixii hanti mood la haystana waxaa la shitay intii jiilaal ka ahayd. Caano ma jiri karaan oo coodku doon, duqo qaad iyo sologluu u batay. Sida badan waxaa loo habeen dhaxaa in la caataysto ariga doonka ah, taasoy weliba sii dheerayd iyadoo biyaha laga dheeraa omosna dadka culays ku hayey. Jirrooyin badan oo calool xanuun, shuban ah ayaa dadku badiba la kulmaa, hilibkaa caatada ah darti. Magaalooyinka sidaa looguma degdego lacag la’aan darteed.
Si kale uma garatide dhankii la eegaba dadka dab ayaa kaga shidnaa. Waa lays wada nacay, waxaana tiradii ka batay xoolaha iska baqtiyaya jirro iyo caataba ee meel walba aad ku arkaysid neef fuuray, mid lafa ah ee kol hore dugaag iyo haadi feenteen.
Dugaaggii ayaa isna ku mabay coodkaas qubanaya wuxuu geystay faro dheeraad ah. Dugaagga waxay u ahayd naq-deg iyo barwaaqo ama kala guran waa. Coodka oo keliya inuu cuno kuma ekayne dadkii ayuu u soo dhigtay. Dad badan ayaa libaax qaatay oon lays weydiin meelay mareen welina soo cad. Kuwo badan ayaa inta laga dhigay iyagoo si xun u dhaawacan la dhaydhayaa. Goobo badan yaa rag hub sita iyo libaaxyo dad qaad ahi isku haleeleen, markii libaaxdu ku gacan sarreysay inkastoo dhaawac lagu kala dheelmaday.
Ma dhacday ahayd in neef dibbooday caawo baryo, qof dibad baryeyna libaax ka nabad galo.
Iyadoo dhan dugaaggaas laga fiigsan yahay dhammaan dadkana harga waraabe alla u tuuray, dhan kale baahidii, oonkii iyo hawshii xooluhu tiradii iyo culayskii ka bateen ayaa haddana dadku waa is-dhaamaye Maryan waxay ahayd inan aan da’deedu sidaa u weyneyn, markaas qurdatay, muuqaalka ama hanaqaadkeeduna uusan falfalacsanayn, noloshay ku kortay oo adkayd darteed. Waxaan oran karaynaa hagaas bay ahayd sababta nolol xumada darteed.
Maryan waxay la noolayd aabbeheed iyo aayadeed oon iyada sinaba u jeclayn. Maryan hooyadeed waqti ka hor ayaa aabbaheed furay kaddib markay iyada oo keliya dhashay ilaa iyo markaasna Maryan may aqoon meel hooyadeed adduunyada kaga nooshahay iyo iyada naf ahaanteedaba.
Maryan waxay u go’nayd oo raaci jirtay ari aan tira yarayn oo ido iyo riyaba leh. Wax dhiiqa ma lahayn arigaasi, hadduu yeeshana iyadu awood umay lahayn inay maasho nafteedana uga faa’iideysato. Hawsha ariga iyadaa iska lahayd manaaficaadkiisana aayadeed iyo ilmahay dhashaye iyagu aan war hayn ee hadba wixii la siiyo iska cuna. Laga yaabe in Maryan ariga caano ka dhadhamiso, waase hal mar oo keliya, markii dadka intiisa kale sanka ka soo celiyaan. Waxaa intaa dheeraa waqtigii markaa la joogay arigu wax irmaan ma lahayn waxa uu laha oo kaliya hawl dheeraad ah, hilib caata ah iyo harag aan ninna rabin.
Maryan iyadoo waxaas oo dhibaato ahi haystaan ayayan haddana ku nabad geli jirine, cawo iyo maalin waxay ahayd mid dil, xaarxaaro, habaar, hiif iyo dibindaabyo joogto ah kala kulanta aaya­deed oo iyadu iyadoon waxba dhiqin xoolana aan war u hayn had iyo goorba gurigeeda dhexdiisa ilmaheeda ku ciyaarsata.
Maryan dhibaatadaa culus ee joogtada ah darteed ayay inta baydadday ama fiigtay, wixii la hadlaba waxay moodaysaa inay dilayaan. Masruuf ama biil ayey dilistu u ahayd, oogadeeda nabarrada ku yiil way tiro beeleen.
Aabbaheed waa iska dheg weyn aan sidaa wax u danayn. Mar mar ayaa laga yaabaa inuu naagtiisa oo si xun u rifaysa arkoo xaarxaariyo kana qabto, inta badanse wuxuu u qaataa dilista Maryan la dilayaa inay tahay lexjeclo iyo coodkoo la rabo in si fiican loo dhaqo.
Maryan ama ha la dilayo ama ha lala hadlayee ma hadasho, maxaa yeelay cid ka guraysaan jirinba. Degaankey ku noolayde aadka cadowga ugu ahaa darteed ayayba noqotay qof mucaqad ahee aan sidaa wax u gelin, aan nixin, qoslin, farxin, hadallada dadku kala wada hadlayana aan sidaa u danayn, maxaa yeelay dadkoo dhan cadow ayay u haysatay.
Aayadeed waxay aad u tiqiin tirada iyo suuradinta ariga taasooy mar alla markay ogaato in wax maqan yihiin sidii shabeel ceesaan arkay ugu soo haliisho iyadoon waxba weydiin.
Galabtii dambe ayaa waxaa dhacday in goorey makhrib ahayd arigiina soo xeroonayo aayadii ay towday orgi kali ahaaye ariga ku jiray. Aayadii dhawr jeer ayay aad ugu noqnoqotay indha-indhayntiisii, waxay ogaatay in orgigaasi maqan yahay. Mid shaki ku jirta ma ahayn in, marba neef isha sidaa loogu hayey hadduu maqan yahay, la xaday.
Maryan oo horayba u tawsanayd orgigaas; halgaadaha ku imaan doonana horey ugu soo talo gashay, ayaa aragtay in aaya­deed la tawday orgigii.
Waqtigu markaa waa habeen, makhrib himhimow ah, aryowgii xeroodeen, geelashiina soo dheelmad habqamayaan. Waxaa iyana cidaha kuurka u wada fadhiya libaaxyadii dad qaadka ahaaye meelahaas wax ka jeeqaaqaya.
Aabbaheed ama odaygii reerku wuxuu weli ku maqnaa soo dheelanka halo dhawr ah iyo gaadiidkii cidda.
Maryan aragtay in lagu soo socdo, aayadeedna iyadoo tib weyn sidata ay soo melebsanayso. Way tallantay oy is tiri maxaad yeeshaa, labada dhanba u daran oo hadday sugtana tibtaas ayaa ka meel waayeysa, hadday carartana waxa ka horreeya waa libaax iyo dugaag aan u daahayne haddiiba kala jabsanaya.
Waa markii ugu horreysay oo hadal nooli Maryan afkeeda ka soo yeero, iyadoo tiri, “Wallee caawa mindhaa ima dishid saan kuma sugayee. Dilkaagana in haddaba libaax i cunaan ka doortay, maxaa yeelay haddaan mar horaba libaax isa siin lahaa intii horay naftaydu dhibato u aragtay uma aragteen. Mar keliya dhimoo nolosha baasi ha ku daysaa dhaanta, noolow oo silic ku noolow.”
Maryan hadalkaa markay lahayd way sii ordaysay iyadoo aayadeed tib ka daba sidato. Labada Maryan ayaa dheereysay haddiibana intay ka go’day bay libirtayba. Aayadu intii horoo dhan ma rumaysan ilaa ay dhaqdhaqaaq dambeba ka weydey. Tibteedii bay inta dib ula soo laabatay iyadoo weli hiif iyo habaarkii wadda arigii dibadda joogay xeraysay. Goobtaas waxaa isugu soo haray aayadiis arigii iyo dhawr carruuray dhashay. Cabbaar ayay sugtay ayadoo aad uga rajo qabtay Maryan soo noqoshadeeda. Saacado ayaa tegay, wax sharqan ah ma leh. Mar dambe ayaa waxaa soo yeeray geela jawaabtiisii waxaana waday odaygii wiil uu naag kale ka dhalaye Maryan ka yar, hooyadiina la furay isagoon dhalan.
Aayadii intay faraxday bay is tiri malaha Maryan geela ayay la imaan doontaa. Geelii soo xeroo, aayadii waa indha-indhaysay ma ayse arag Maryan.
Odaygii markuu geelii xerada ku hubsaday ayuu xirxiriddeedii wiilkii u dhaafay, isagoo kab ka go’day laadlaadsanaya, sina u dhutinaya, wuxuu isku soo tuuray ardaagii aqalka oon sidaa u gogol iyo kashkaash wacnayne galgalin u eg. “Aah – waaba daalaye sidee loo degey! Naa bal wax igu soo qabo haddaad haysid,”ayuu hadal ka yiri.
Reerku biyo sidaasa ma haysto. Waxaa u sii daba leh qarroor haan gunteed ku jira. Biyaha aad baa loo tashiishaa, sida badanna waa laga soomaa iyadoo loo baahan yahay, iyadoo lays leeyahay mar marka la joogo ka daran baa iman doonee ha loo toog hayo. Sababtu waa meesha la joogu oo iyadu oomane ah ceelashuna aad uga dheer yihiin. Dhaanku afar ama shan ayuu dhaxaa. Biyaha sida badan waxaa la cabbaa markay nafcelis ama dhuuni yihiin mar mar si jidiin qoys ah ayaa la isugu jilaa. Wax si toos ah uga haqab la’ waxaa jira aayada iyo ilmeheeda yar yar oo iyagu gurigooda aan ka bixin.
Aayadii oo dhan orgigii ka ciil qabta, dhan Maryan cararkeeda ka ciil qabta sina u qaadan la’, dhan kalena ka yamxeerineysa biyo la’aanta ayaa inta si kulul hadal tufayo ku jirto waxay u tiri, “Wallee ama daal ama daayoo orgigii keli ahaaye reerku lahaa caawa waa maqan yahay, biyona u malayn maayo in gorgor ku harey haan-baasta, inay daadisaan u malaynayaa.”
Intii hadalkii la hayey ayaa inankii reerkuna ardaagii soo fariistay. Aayadii oo markii hore u hinqatay inay bal haanta soo qarrooriso ayaa markay inankii aragtay ka hakatay hawshaa iyada ah, waxayna dib ugu dhigatay mar kale marka la kala seexdo.
Odaygii ayaa yiri, “Yaab, naa ma orgigii weynaa mise waabad igu ciyaaraysaa?”
“Waad arki doontaa haddaan kugu ciyaarayo iyo haddii kaleba,” xaaskii oo si u neef tuureysa ayaa tiri.
“Meeday tii baase ariga la raacshay?” Odaygii baa isagoo si u xanaaqsan yiri.
Su’aashaas markay timid ayaa xaaskii dhan ka naxay oo is tiri haddaad inay carartay sheegtid armaa qayladu dalluunta, dhan kalena is tiri Maryan ku sii buuxi si adiga dooddu kaaga wareegto. Waxayna tiri, iyadoo hadalkeedii laga garanayo inay been sheegeyso, “Ma aqaan, hadda meeshay taagnayde bal u yeera idinkay idin maqlaysaaye.”
Inanka oo aad u yaqaan dabciga iyo dhaqanka reerka ayaa wuxuu u kala saari waayey in Maryan ama inta si xun loo dilay ay meelaha taal oy kiciba la’dahay dhaawac dartii, amay carartay oy meelahaas dugaag martu u tahay, ha yeeshee isagu ma uu hadline wuxuu ka dhursugay bal waxa odaygu ka yiraahdo ama ka yeelo.
Odaygii oo isna naxsan ayaa inta kacay yiri, “Naa miyaad cayrisay oo dishey gabadha, miyaadan ogeyn in meesha bahal dad qaad ahi ciiddii ka batay?” Intiibana ma sii joog-joogsane intuu jiitimihii iska sii rogrogey ayuu qaylo bilaabay uu ugu yeerayo Maryan hadday bal meelahan ku naban tahay oy maqlayso. “Naa Maryan! Maryaneey! Maryan! Aabbe waa adnigiiye kaalay, anaa kaa ballan qaadaya inaan caawa kaddib lagu diline.”
Xaaskii markay maqashay bahalo dad qaad ah ayaa meesha buuxa bay yara naxday oo inta wax is tustay qoomamaysay waxay samayn jirtay amay fiidkanba samaysay; iyadu kama naxayn Maryan dhimashadeeda iyo haddii bahal cunee waxay aad uga naxsanayd hawsha ku soo fakan doonta ariga raaciddiisa, haddii Maryan meesha ka baxdo. Qoomamay dibnaha qaniintay, iyadoo is leh, “Wallee haddii la waayo libaax cuno anna hawl aanan u barani i cuntay!”
Ilmihii yaryaraa oo iyagu aan war hayn ayaa iyagoo hilba caata ahee casho loo siiyey hiighiigaya waxay soo ag fariisteen walaalkoodii weynaaye ardaaga fadhiyey iyagoo ku qosqoslaya hadbana qodda-qoddaynaya. Ilmaha iyagu waa dadka ugu ladan reerka, waxayna ku caynteen waxaa loo lisaa dhawr halaadoo dhaqaya ah sidaasna u caano badnayn, ha yeeshee la’aantood ayan sinaba u noolaadeen.
Halahaa ninka raaca ee lisaa muddo sano ku dhow caano ay leeyihiin ma dhadhamin. Ilmuhu markay agagaarkiisa ku ciyaarayaan waxaad mooddaa inuu ka gubanayo oo uu is leeyahay yaaba dhulka ka dusiyoo liqaba. Iyaga dad ahaantooda ma necbee wuxuu neceb yahay hooyadood iyo xiriirka dhaqanee ka dhexeeya isaga iyo iyada.
Odaygii wuxuu qaylqayliyaba wuu quustay ugu dambaystii isaga naftiisaa libaax ka baqayey markuu meelaha wax daydayayey wuxuu sitey qori uusan sida badanba dhigin si uu isugu daafaco haddii bahal soo weeraro.
Wuu soo laabtay oo jiitimihii inta soo adadkeeyey ma fariisane wuxuu Maryan ka baaray xeryaha xoolaha iyo heeraarada reerka oo dhan. Waxba waa. Hadba dhan eeg. Madaxa ruxrux wax uu yeelana garan waa. Mar buu is-yiri xaaska ma garaacdaa maadaama ay iyadu u sabab tahay waxa dhacay, haddana wuxuu ku deystay inuu inta xaarxaariyo uunan far saarin, maxaa yeelay laga yaabee inay dhibaatadu meeshay hadda joogto meel ka xun tagto. Intuu iska soo fariistay buu yiri, “Adaa tolaye ka tali! Waxay ila tahay reerka gabadhiisii adiga uun baa yaqaan meeshaad ka keeni lahayd, adaa lagaaga fadhiyaa laguuna haystaa.”
Xaaskii ayaa harag waraabe alla u tuuray. Meelay wax ka tiraahday weyday. Wax kastabase waxaa uga sii daran maskaxdeeduna qaadanba la’dahay berri ahaa ariga raaci doona. Inay oydey ku sigatay. “Adoo nabad la bala-waarabelow kaalay lama yiraa hadday kuu timaadana lama booyo boowow,” ayey iskula hadashay.
In cabbaar ah ayaa laysla hadli waayey wax la yiraahdana la garan waayey. La arag arrintu inay meel aad u xun taagan tahay, wax ka qabashana ay ka taggan tahay. Mar dambe iyadoo wax kastoo la yeeli lahaaba inta laga wada maagey layska sii kala jeedo, hadalna weelba ka furmi la’ yahay; ayaa odaygii inta adkaysan waayey wuxuu yiri, “Wallee boodi lahaydaa iyo dhici lahaydaaba adduun baa u qoolan.”
Xaaskii hadalkii ama taladii inta ka kala firdheen bay dhannaba joogi la’dahay. Way garwaaqsiisanayd inay dambi gashay, inkastooy qof kibir iyo talo xumo u geysay tahay.
Mar dambe oo dhawr saacadood la oran karo ka soo wareegeen intii indhaha uun layska eegayey maskaxdana laga wada fekersiinayey ayaa xaaskii iyadood mooddo inay daal ma jirro la kici la’day inta istaagtay gurigii gashay. Waxay odaygii iyo wiilkii soo hordhigtay xeero qori aho hilbo caato ahee solani dhex saaran yihiin. Wax hadal ahi kama soo yeerin afkeeda ee intey sidii kubbad la soo laaday dhulka xeeradii ku soo taraarixisay bay isaga hartay.
Inanka oo baahi qaan-gaar ahi haysay ayaa haddiiba xeeradii gacanta u daruuriyey. Cad ayuu soo dhufsaday oo uma daahine afka la aadey. Inanka waxaa hayey baahidana uga culays badnaa oon wuxuuna joogey heer uu wax maqli waayo ama dhago weddoobeyba afka jiilka kaga yiil ee harraad iyo gaajo ku ilkaystay dartood ah waxaad mooddey qurac duruja ah jilifti.
Uu rud is yiri hilibkii maahee wuxuu ogaadey inaan afkaba wax calyo ahi ku dambayn. Wuu isku sii dirqiyey oo inta rudey calali maagay, ha yeeshee tahartii caatada ahayd ayaa ka qoyaan roonaatay afkuu rabey inuu iyada ku cuno. Dhawr kol markuu hadba dhan ugu cayrshay, dhawr gowsna u qarqariyay ayuu dareemay qoyaan iyo xanuun isku qasane afka ku baahaya. Wuxuu heli waayey meesha qoyaankani ka yimid oo waxaa ka sayid caleeyey gaajadii haysay iyo calooshu siday ugu baahnayd wax lagu rido bal inay dabkay shidayso qaar yarayso.
Isagoo weli rudmadii hore la rafanaya ayuu mar dambe u adkaysan waayey xanuunkii. Intuu soo qabtay tahartii ayuu la aadey dab meel fog ka shidnaa. Wuu eegay mise tahartuba waa wada dhiig. Intuu iska tuuray buu afkiisii dib ugu noqday. Meeluhuu xanuunka ka dareemayey, ayuu soo taataabtay oo dabkii faruhu ku soo taabtay ku eegay, mise dhiiggu afkiisuu ka burqanayaa. Garay sababta dhiigga keentay inay tahay afka qallalan iyo taharta dagaalkii dhex maray. Waxa ugu sii darraa isagoo dhaawac ugu sii darmay afkii awalba engegnaa. Luqluqasho ama daawana daaba.
Isagoo go’ calaloo uu huwanaa dacalkii iyo gacan afka iskula haya ayuu ardaagii dib ugu soo laabtay. Wax hadal ah ma uu oran, maxaa yeelay inaan laga gurayn ayuu ogyahay goobtuna siba u carqaladaysan tahay.
Intiiba, haddii afkii qallaylkiisii ayuu ku noqday. Isagoon hadlayn, ha yeeshee xanuun qarsanaya ayuu si uu neecowda u qaato wuxuu isku kala tuuray ardaaga meeshuu ka seexan jiray isagoo cirka iyo xiddigga badnaantiisa eegaya.
Odaygii isagoon hadlayn ayuu inta dhawr tagarood ka walam-walamsiiyey, qorigiisii oo xabbado dhuunta u yaalliinna inta la soo fariistay isagoo salka dhulka ku haya iska hammiyey.
Xaaskii intay ilmihii oo meelaha kala daadsan gurigii gudihiisii u daad gureysay bay iska dhex seexatay. Meeshaa hadalka ama daqaqanku aad buu u yaraa. Doodi kama ay furrayn oo duruuftaa ahayd mid aan oggolayn wax nolol sidaas ahi ku sii jirto. Dhammaan waxaa loo wada muuqday dad isu wada cadow ah, is wada neceb, faylaha is wada jaraya.


Maryan markay cagaha wax ka dayday ilaa saacado dhawr ahba may joogsane waxay isugu bixisay orod aan kala go’ lahayn iyadoo u sansaan eg qof inta baydaday xarga goostay xabsina ka cararay isagoo weliba dhan walba ka cabsanaya oo is leh geedaha ayaa ama ku dilaya ama kaa war sheekoonaya. Waxay ahayd qof aad iyo aad u fiigsan, u naxsan. In muddo ah markay sii baydadeysay ayay mar dambe xistay inay carri cidla ah jeexayso ayna marti u tahay libaaxdii dadqaadda ahayd horaybana meesha u buuxday; way istaagtay oo wax dhageysatay. Meel kasta sharqan iyo buuq ama hugun ayaa uga baxay baqdintay baqaysay iyo harraadkii dhagaha jeexay dartood.
Waqtigu waa gudcur aan waxba la arkayn. Hadba dhan bay u jeesatay. Waxay kaloo garan weyday meelay ka timid iyo meelay u socoto. Way dayowday. Iyadoo iska jahawareersan oo baqdin darteed socon la’ joogsanna la’ ayay mar dambe maqashay libaax cidii. Intay qabowday oo qamandhaco ama jiriirico lagu jabiyey bay in cabbaar ah wax dhaqdhaqaaq ah iska weydey. Mar dambe oo libaaxii cidii yareeyay ayay miyirsatay. Dhankuu ka ciyey mooyee dhankii kale ayay isku qaadday. Mudda saacad ah bayan kala goyne orod ugu jeexaysay. Sayrmada laamaha, qodaxda mudeysa, xagashada qoryaha qallalan, jalfinta kurtumada iyo dhagxaanta, turaanturrada iyo kufidda ku dhacaysay waxay ahaayeen kuwa tira beelay, ha yeeshee ayan iyadu dhibaato u arkeyn.
Waxay baydadkaas iridda furan een meelna haysan la sabbaysaba gooray jiciiratay boqolaal kiilomitir goysey ayay mar uun istaagtay si ay jabaq u dhegeysato dad iyo dugaagba. Waxba maqli weydey. Meesheedii ayay ka miistay. Waxay oroddaba mar dambay joogto inay dhacdo ayay goosatay inay indha-indhayso geedo dhaadheer oy dugaagga ka fuusho, maxaa yeelay sheekay ku maqashay in marka bahalaha laga cabsado geedo dhaadheer laga fuulo.
Kol dambe ayay ku soo baxday geed dheer oy is tiri, “Allalehe ha dhaafine fuul!” Dusha ayay uga baxday geedkii. Dhibaatase waxay timid markay lulmooto yaa ku haynaya geedka. Iyadoo sii lulmoonaysa inay seexatana u dhow baa waxaa soo yeeray ci libaaxe aad moodo inuu ordayayo. Hurdadii ayaa ka duushay, inay dan u ahaydna lagaba yaabee.
Libaaxii wuxuu soo cadaadaba waa soo dhawaaday. Mar waa aamusayaa, mar dambe ayuu haddana ciyayaa isagood mooddo inuu ka sokeeyo meeshuu awal ka ciyey waxay sidaa ahaataba mar dambe ayuu laba soo wareegay qoortii geedka Maryan fuushan tahay ku yiil si kedis iyada ku noqotay ayuu mar uusan ka fogeyn agteeda af labadii yeeray. naxdintay naxday markay soo finiini gaartay, ha yeeshee intay laamahay haysatay xajisatay bay isha uun ka eegtay.
Waqtigu markaa waa goor dambe dayax ayaa soo baxaya oo cir daruura ka maran soo dhex jeexaya. Dhanka dayaxu ka soo baxayo ayaa libaaxu ka xigaa iyada. Geedkay fuushan tahay wuxuu ku yaal meel goor ahoo kob dacalkeed ah. Mar uun bay aragtay libaaxii oo inta kobtii madaxa kala soo baxay dhulka sanka la soo raacaya sina aad mooddo inuu u degdegayo. Waxaa isku dhacay dayaxa nuurkiisii iyo baabushiisii badnayde caddayd taasoo u suurta gelisay Maryan inay markii ugu horreysay ka il sugato libaax aragtidii.
Way sii naxday waxayna ku sigatay in wadnuhu istaago naxdin
darteed.
Libaaxii oo daqaf-daqaf leh ayaa geedkay fuushanayd la soo wareegay. Isagu sanka dhulka kama qaadayn oo raadkeeda ayuu ku joogay. Sidii uu u soo saqlaynayey ayuu geedka jirriddiisii sanka soo saaray. Intuu hakaday oo dabada ruxay buu baadi goobay dhanka raadku u baxay, sidii wax xanaaqay buu jeenyaha dhulka ku xoqay.
Libaaxaas oo malaha isagu ahaa mid hore u yiqiin jarta isaga loo degey iyo in dadku geedaha ka fuulo, ayaa inta sidii wax fariisanaya beerka dhulka dhigtay jeenyahana horay u bixiyey. Wuxuu isku dayey inuu ogaado qofkuu raacdeysanayey meeshuu geedka ka saaran yahay.
Isagoo sidii wax jiifa ah ayuu kor iyo geedkii soo daymooday; uu soo eegayay maahee haddiiba isha ayuu ku dhuftay Maryan oo sidii calal dhammaad ahee hirrigi la hartay meel aad isaga uga fog laan ugu maran.
Maryan iyadoo geeso leh, timeheeduna qodaxo yihiin ayay si buuxda dhaqdhaqaaqiisa indhaha ugu haysaa. Labada gacmoodba waxay si buuxda ugu haysataa laan ay xabadkana ku haysee gorteeda ah, iyadoo rakaysatay salkana ku haysa laan laba madax leh meeshay ka kala kacdo. Waxay jeclaan lahayd inay haad noqoto sidii shinbiraha meeshaas yaabka lehe ay ku xayiran tahay si ay si sahlan uga hadaafto.
Isagii markuu arkay inay adag tahay si loogu tago ruuxaa isaga ah uuna ogaaday, maadaama uu yahay bahal dadka aqoon u leh, in qofku uunan sidaa u weyneyn ayuu isku dayey inuu bajiyo, waa intaasoo intuu kala bato, bardadoo uu soo dhacaaye.
Wuxuu ahaa bahalkaas mid inta intii libaax weyn yahay weyn dhogorta, guudka, baabusha iyo haylimaha ku yaalla tira beeleen. Aad buu u dhisnaa una lixaad weynaa. Surkiisa hilibka saaran iyo xoogga ku jira daraadi awood uu lahayn inuu isagoo taagan kor u eego, sidaa daraaddeed kor markuu eegayo waa inuu u seexdaa.
Isagoo meesha baraqa Maryanna eegaya ayuu inta afkii laba ka kala dhigay intuu awood lahaa ci, gurxan iyo gunuunuc oodda ka soo qaaday, uma sii sugine intuu kor u boodey buu sidii wax geedkaba samada ku callaqaya ciddiyo aad warmo mooddid inta surtay gilgil maagay.
Cirkii iyo dhulkii ayaa qaylo iyo sharqan is qabsaday. Geedkii baa dhaqdhaqaaqay, Maryan baa intay itaal lahayd waxay isugu geysay laantay haysatay. Nasiib wanaag may soo dhicine meesheedii bay ku mintidday inay la soo jiifto. Iyada cabsi iyo qiyaame u horay ma jirin. Waxay ugu muuqatay in dhulku wada gariirayo, dabaylo iyo duufaan dhacayaan, ciddu dhaqaaqsan tahay, adduunkana gogoshiisii loo labayo aan wax harayaa jirin. Haba yaraatee meel loo irkado, ama ciirsila bidaa uma ay muuqan. Nafta oo deysa uun bay sugeysay.
Muuqaalkeedu wuxuu ahaa qof inta awalba itaal la’aa haddana tan dhex galay. Madax yare laba indhoodoo galka ka baxsan oo groggooda ama daymooyinkooduna meel keliya haysato. Af laba daan noqday, luqun aad mooddo in kol hore naftu daysayee qallalan bay la soo qotontay.
Libaaxii markuu cabbaar meeshii gilgiley siduu rabeyna ay u noqon weydey oo Maryan soo dhici weydey buu inta jinjimicsaday, ilka aad mooddo qoryo miibac ahoo meel ku raaranna muujiyey carrab aad mooddo sanbab cabbaar kawraxsana intuu hadba dhan u eryey shaarubahana marsaday buu tartiib sidii wax tagaya u sii tallaabsaday.
Maryan way garansiisnayd inuunan ka dheeraan doonine iyada uu is leeyahay aad dagtid, waa intaasoo ay is tiraahdaa tagyaye meesha ka carar.
Markaas waqtigu waa galin dambe waagiina ma foga. Libaaxuna wuxuuba dhibsanayaa waaga ku baryaya isagoo ka xun casho la’aanta ku dhacday caawa.
Ma uu fogaane intuu meel ku dhow dhabbacday buu si qarsoodi ah il qooreedda ka eegayaa Maryan. Intiiba ooggii baa istaagay iyadoo sidii kuurka la isugu jiro, isagiiyoo halkii wax jeeqaaqaya ayaa dhegtiisu jabaq maqashay. Intuu sidii wax xanaaqay boodey buu u kuur galay waxa jabaqda yeertay tahay. Wuxuu ka xumaa in laga sii daayo qofkan u xiranee isaga siday la tahay uu maray noqotaba afka u ridan doono. Wuxuu dhegeystaba wuxuu ogaaday in hadal soo galayo. Wuxuu ku tallamay inuu dadka soo socda intuu u kuur galo wax ka qaato iyo inuu tiisatan majinta uga xiran ku nasiibsado.
Bulaankii iyo ragga hadlaya badnaantiisa ayaa ka cabsi galisay inuu iyaga weerarro, taasoo uu is-yiri armay kugu dhacdaa wax badso wax waa bay leedahay.
Waxaa jiray in meeshu dhabbe haloosi ahee dhaanka iyo safarradu kala go’in ahayd. Waxa soo bulaamayaana yahay safar cidaha ka yimide magaalada u socda. Waxaana wata rag hub ka buuxee ugu soo tala galay inay isaga daafacaan dad iyo dugaagba.
Libaaxii arag in arrintu qasan tahay waxa soo socdaana ayan kaba leexanayne iyaga uun ku soo fool leeyihiin. Wuxuu goostay inuu Maryan mar kale weerar cabsi galin ah ku qaado, waa intaasoy hadda hurudaayoo ay soo dhacdaaye. Safarkii marka waxba uma jiro oo kobtuubaa madaxa soo gelinayaa, Maryanna mar horayba maqashay bulaanka dadka walowba ay aad ugu adag tahay siday afka hadal uga soo saari lahaydoo waxay u muuqatay ruux naftu ku sii daba yar tahay. Waxaa isugu darmay baqdin caguhu la barareen, caqasho iyo daal, sababahaa daraaddood, dabadeedna halka ay fursadda lama helaanka ah ku gefto.
Waxay is tiri qaylo sii bilow intaan laguba soo gaarin amaan lagu dhaafinba, ha yeeshee way kari wayday. Aragtay inay qalalan tahay. Dhawr kol oo is daba joog ah bay isku dayday afkeeduse awood uma yeelan inuu qaylo ama hadalba sameeyo oo intuu kala tagey buu u ekaa mid aan hawshaasba layan isagu. Iyadoo laantii ku maran bay damacday dheh “Haah waaw, qaaq, aaa,” kumase ay guuleysan. Niyadda way ka lahayd qayladaas, ha yeeshee mid laanta ay haysataa maqlayso ma ahayn.
Libaaxii oo kankoonsan ayaa geedkii soo galay. Isagoo qayliyo xaruun isku qasaya buu haddana bootin intii itaalkiis ah soo boodey. Wuxuu qabsaday meel dhexe oo geedka jirriddiisa ah kumase daahine haddiiba wuu ka dhacay. Aad buu u cuslaa una qaraaxad weynaa.
Maryan inkastoy si walba u naxday suuxina gaartay haddana soomay dhicine meesheedii bay isku kaduudday.
Markii libaaxu qaylada bilaabayba waxaa diday awrtii safarka ahayde markaa aan waxba u jirin. Xargo adag ama hoggaamo la saantay iyadoo iskuna xirnayd ragga wataana awalba aad uga feejignaa dartii ayaysan xarga-goosane haddiiba inta mid mid loo gar qabtay qoyihiina la rogtay dhawr xabbadood meeshii libaaxu ka gurxamay la dul mariyey.
Intaan la ridin xabbadaha ayaa ninkii ugu da’ weynaa meeshaa waaya aragnimadana is bidayey hadal qaylo ah wuxuu ku yiri, “Yur, yur, yur, war xabbadaha hoos ha ugu dhigina bahalkee kor mariya, ha inaka tagee, in uusan ina ku dhaawacmin baa roone.”Markay korkiisa ka onkodday ayuu orod is jaray. Raggii awrta safarka ah watay inta nin iyo awr loo wada gar qabtay, hareerahana la iska taagay baa la yiri, “Aan u sugno oo yaan awrta inta waagu si fiican u baryayo la xiriirin waa intaasoo ay xarga goosataaye,” meeshiiba la hogtay. Waana goor bannaan meeshu walowba kaymo jiq ahi ku dhowaayeen. Raggu wuxuu aad ula socday daymada awrta oo iyadu uga indha fiiqan ugana dhega wedden ragga libaaxa dhaqdhaqaaqiisa.
Sidii xoon shinniyeedoo godkii laga jabsaday bay qoortoodii is galooleen waaga caddaadkiisana sugeen taasoo ay aad uga feejignaayeen in libaaxaasi wax ka halakeeyo.
Maryan bay ahayd qoftii markii xabbaduhu dhawr jeer dul mareen iyagoo geedkay fuushanayd laama badan ka daadshey inta dhegihii u furmeen awooddey inay qaylo, oohin, baroor iyo muusanno aan kala go’ lahayn oodda ka soo qaadday, “Waa wareey! Waa wareey! Waryaaya! Waryaaya! War bahalka iga dhiciya! Alla wuu cunaya! Waaw, waaw, waaw, waaw.”
Raggii safarka wataye awalba yaabbanaa ayaa sii yaabay una qaadan waayey qaylada meesha ka baxaysa. Nin raggii ka mid ah ayaa inta adkaysan waayey wuxuu isku sii daayey dhankii qayladu ka yeeraysay, isagoo qorigiisii oo xabbadda ka buuxaan wata mid midna hawada u quusinaya. Orod iyo qayluu isku daray isagoo leh “Yur, yur, yur,”nin kalaa isna ka daba tegay si uu gacan u siiyo kan sii ordayey.
Maryan qayladii ma ay joojine meesheedii bay ka miistay. Nimankii oo sidii isu daba ordaya meesha qayladu ka baxaysana higsanaya ayaa ku yimid geedkii Maryan ka dhex qaylinaysey. Labadoodii oo is daba garmamaynaya baa isa soo hoostaagay.
Geedkii Maryan markay aragtay in dad aaadami ahi hoos joogaan bay meeshay joogtay iska soo qaadday. Labadii nin ayaa arkay inay soo lulato soona dhacayso, iyagoo u wada jira bay qabta maageen. Saddexdoodiiba dhulkay wada galeen culayskii iyo xawligay Maryan ku socotay daraaddeed.
Maryan baa suuxdin dhag tiri. Labadii ninee qabtay intay yare kaakaceen oo jafjafteen Maryan oo suuxsanna dhan isaga dhigeen bay is kor taageen. Iyagoon isla hadlayn bay marna iyagu is eegaan marna Maryan eegaan. Dhicidaday dheceen darteed nabarro sahlan baa gaaray walowba ay mid u badnaayeen.
In cabbaar ah ayaa wixii sharqan, hadal qaylo ama yabaq jirayba dameen. Kuwii awrta hayay ayaa shakiyay oo is yiri “War nimankii ma raxan bay afka u galeen oo horaa loo burbursaday?”Markay waxba hubi waayeen baa garcaddaagii ragga ku jirey qaylo dhaamiyey, “Waryaaya war idin mee oow, war Cali?”
Labadii loo dhawaaqayey ee Maryan kor taagnaa awalna hadalkaba iska la’aa ayaa sidii raadiye awal dansanaaye hadda la daaray hadal bilaabay markay maqleen qayla-dhaamada iyagu u dhacaysa.
Mid baa inta qorigii hagaagsaday Maryanna ku foorarsaday yiri, “Waar maqal, adna bahalka ina ka eeg diyaarna u ahow anna inantaan qaadayaa.” Waxbana maba sii sugine inantii buu laabta u ritey. Siday u sii sideen iyadoo weli suuxan bay dhex geeyeen raggii kale. Markay dhigeen baa mid kuwii awrta hayey ka mid ahi yiri, “Oo maxaad u soo qaaddeen qofka meydka ah, maad u soo dhaaftaan bahalkii dilooday?”
Kii sidey baa inta yare qosol gaaban qoslay yiri, “War qoftu meyd ma aha, bahalna maba taabane way suuxsan tahay oo keliya. Qoftani geed bay fuushanayd kana dul qaylineysay. Waad iska garanaysaan bay ila tahay libaaxuna iyaduu hoos joogayoo ilaashanayey. Arrini waa sidane hadda maxaynu yeeli?”
Markaas oo kale talada waxaa sida badan yare lagu eegaa ninba intuu ninka kale ka waaya-aragsan yahay walowba haddana aad loo tixgeliyo ragannimada iyo tala-asiibka laga yaabo in lagu kala horreeyo. Odaygii is bidayey ayaa arkay in taladu sugeyso, ragga kaloo dhallinyaro wada ahaana uga wada maageen waxa ka dhihidda isagii intuu xagga iyo xagga eegay buu yiri, “War bal bahalka inaga ilaasha ina kama dheeree. Waxaynu yeeleynaa waxay ila tahay qofta da’daa ahee meeshan cidlada ah joogtaa way naqsan tahaye haddii wax biyo ah aynu wadannay u soo fura madaxana u qooya bal inay miyirsato.”
Inan ayaa boodey oo qarbad biyo ku jireen soo dhuftay. Naas buu inta furay madaxa kaga shubay. Maryan mar alla markii biyuhu taabteen bay kor u booddey qaylana af labadii yeertay, “Aaa, waaw, waaw, alla, alla.”
Waa la qaqabtay oo inta la soo fariisiyey la tusay inay dad la joogtee libaax uuna cunayn. Intay indhaha galka kasoo saartay bay hadba dhan eegtaa. Dharkay qabtayoo awalba calallo dhammaada ahaa baa haddana waxaa sii dhammaystiray qarda-jeexii, hirigihii caawa markay ordeysay la horaysay iyo geedkay hadda iska soo tuurtay oo sii luufluufshey.
Sidaa daraaddeed lama oran karo dhar bay qabtaaba. Iyadoo sida u suxud la’ oy hahayaan aad iyo aadna ay u fiigsan tahay baa libaaxii oo quustay, maadaama waagii ku caddaaday, aadna u xanaaqsan kayn aan sidaa uga fogeyn ka yeeray, Maryan markay maqashay libaaxa cidiisa bay inta kor u boodday iyadoo qaylinaysa nin horteeda taagnaa saloolatay iskuna duubtay. Ninkii baa qabtay oo si qabow u yiri, “Walaal, waxba ha cabsan libaaxii cararyoo waadigaa arkayee, harraad ma ku hayaa, biyase ma rabtaa?”
Markuu intaa leeyahay waxay leefleefeysa biyihii horay madaxa looga shubay dardareerkoodii oo meelo afka u dhow marmaraya.
Iyadoo weli sidii ninkii u fuushan, sidii u yahay laantii caawa caymisay, bay, “Haah, oo biyo waarabaa,” dheh istiri. Hadalkii baase ka soo bixi waayey. Intay hadli lahayd bay madaxay ruxdo “Haah” tiri. Biyihii baa afka loo saaray. Qurquray labada dhaban qabsatay. Markaas way fadhidaa.
In cabbaar ah markay ka gowgowsiineysay ayaa odaygii ka qabtay oo yiri, “Ka joojiya marka, mar kalaa la siin doonaaye, yay ku biyoraboone.” Laga soo qabanayey maahee hunqaacay soo deysay aan biyihii madoobaaye ay cabbeysay la tarrixin.
Madaxa ayaa la qabtay. Nin ragga ka mid ah ayaa inta go’iisii sare biyo ku qooyey madaxa u saaray. Neeftuur sidii ruuxmaratoon soo orday bay kala goyn weydey. Nin kale ayaa isna inta go’iisii sare iska soo xayuubiyey huwiyey si uu cawradeeda ugu asturo.
Intii meesha la joogay baa qorraxdiiba soo baxday. Mar labaad baa biyihii la siiyey ka dib markii si fiican loogu luqluqay. Haddana markay cabbaar cabtay ayaa laga qabay. Gabiday hoos u rogatay sidii iyadoo hunqaaco isku celineysa. Iyadoo go’ii la huwiyey isku dadeysa bay hoos isu eegtay markaasay garatay inay hore u qaawanayd.
Miyirkay miyirsatay darti bay xishood halkaa ka bilowday odaygii baa arkay inay ladnaatay markaasuu isagoon wax hadal ah oran inta awr soo fariisiyey fuuliyey meelahay qabsan lahaydna tusay. Si qarsoodi ahee Maryan ayan garan ayuu raggii kale u yiri, “Ina mariya waxba hadda ha waydiinninee.”
Safarkii baa halkaa ka garqabtay iyadoo awalba la watey awr aad u dheereysa. Si siibasho ah ayaa loo socday. Qorraxdii ayaa soo kululaatay. Odaygii ayaa eegay Maryan oo si hurdo u hayso inay ratiga ka dhacdana u dhow. Awrkii ayuu joojiyey. Intuu jilibka u laabay buu ka dajiyey. Inay qof adadagee socon karta tahay markuu arkay buu in biyo ah intuu siiyey ku yiri, “Hadda waad socon karaysaa bay ila tahay.”
Intay qosol xishood iyo naagnimo ku jirto hoos ula gabbatay wajigana dadabtay bay tiri, “Haa waa socon karaa maahee waa ordi
karaa.”
Odaygii intuu gacanta qabtay buu dallad uu sitay hooskeedii wax ka wadaajiyey. Maryan markaa iyadaaba ka dheereyneysay baad mooddey dadka intiisa kale. Wax la sii dhadiiqeeyaba, qorrax­dii baa harkii isku taagtay. Loogamase jimcine socodkii xalay baaqday baa in la kaabo la rabaa awrtana loo nixi maayo wax saaran oo aan durfi ahayni ma jirin hadday rara gubyoon lahayd.
Markii qorraxdii dhankay ka soo baxday mooyee dhankii kale u foorarsatay milicdeeduna mid geeri ah tahay ayaa lays wada eegay. Inta geedo waaweyne meel cawr yar lehna ka dhow la eegtay baa reeryadii saarnayd inta laga furay la seetaseeteeyey. Geed harac ah ayaa inta laysku kala tuuray waxaa la karsaday shaah. Shaaha ka hor waxaa laga sii laacay hilbo caata ahee la sitay (solay).
Maryan qaybteeday ka qaadatay. Iyadaa shaaha karisay. Gallad bay iyada u ahayd. Niyaddeeda farxad ayaa buuxisay, waxayna is lahayd magaalada ayaa tagi doontaa, iyadoo dheg ay ka maqashay mooyee aan weligeedba arag meel magaalo tahay iyo si looga nool yahay midna.
Raggii indhuu is wada geliyay, Maryanse farxad, raynrayn iyo niyaddeedoo wax is tustuseysay daraaddeed ayaa hurdaba ka imaan weyday.
Maryan oo sidii u fadhida ilna aan is gelin ayaa odaygii indhaha kala qaaday. Haddiiba si bootini ku jirto intuu isu taagay buu awrtii daymooday. Maryan baa iyana intay istaagtay tiri, “Ma soo dabaa awrta?”
Odaygii baa inta qoslay yiri, “Allow ha ku celin. Iska fadhi heedhe harkaaga anaa soo kaxaynayee.” Horay intuu u sii dhaqaaqay, awrtiina haddiiba isku soo xiriirsaday raggii kaloo weli hurdana kor keenay buu qaylo hees rarmo oodda ka qaaday.
Raggii kalaa wada boodey awrtiina horay heeryada kaga boobay. Muddo saddex daqiiqo ka yar ayaa inta lagu bogay haddi­iba horay loo bushin tuurtay, toobiyihii baa carraabo ahaan cagta loo saaray.
Odayga oo isagu diiddan in Maryan la waraysto maahee ragga kaloo dhallinyarada ahi aad bay u jecel yihiin in iyada la xog warsado lana weydiiyo waxay tahay, meeshay ka timid, sidii bahalku ugu yimid amay geedka uga fuushay. Odaygu aad buu u hortaagnaa waraysigaas oo wuxuu is leeyahay iyaduu wax yeelayaa maadaama baqdintii weli ku jirto, qof yarna ay tahay. Hadday iyagu warsan lahaayeenna isagay ku ixtiraamayeen maadaama uu yiri, “Yaan intii mudda ah waxba la weydiin qoftaas.”
Awrta oo caddaysimo aan wax ka duwaneyn, iyadoo ahayd mid dheerayn iyo xoogba loo soo saantay, rag wada gaamuraye xoog lihina gar hayeen darteed ayay Maryan aad ugu adkaatay inay la qabsato, markii si looga go’aba orod bay hoosta ka xaddaa. Kucle ayay reerka kula socotay.
Carraabadu waxay ahayd mid cagaha lagaga gubtay. Qorraxdu aad bay u dheerayd. Golcas weliba kaliil joogtee abaar tumaysa ee hongorraha iyo hanfiga ka soo baxayaa yihiin kuwa lagu aqdee dad horay u wada eeday, bay ahayd.
Maryan oo daalka iyo diiftii horay u soo halakeeyay wax weyn u dhimayaan socodkeeda yareena intii itaal ah is tiilaysa ayaa dantii, wax la sii dusma-dusmeeyaba, u been sheegtay, runina run gayeysiisay. Marka laga reebo go’ii saaka lagu dadey, Maryan dharkay qabtaa waa maro midab lehoo si ugu marmaran qaarkeeda sare ahaanna way garraarsanayd dhexda marka la soo dhaafo waa faraqyo ama haylo si is dhaafdhaafsan u jeexjeexane aan waxba cawrada u qarinayn. Kaba ma qabto, oo cageheeda waxaad mooddaa geed jilfaystay, meelo badanna dhiig ayaa kaga yaal ka soo dareeray jirkeeda ka sarreeya markii geeda xagteen.
Intay isku duuduubaysayee ay is lahayd go’ii la siiyey isku astur ayuu inta xayiray socodkii ama dheerayntii ka curyaanshay. Way iska dhaqdhaqaaqeysay oo waxay ku mintideysay inaan laga tagine way garsanayd.
Odaygii ayaa arkay inay liicsan tahay markaas ayuu awr inta arrumay dusha uga tuuray. Inkastuu u dhaamey haddana raaxa ma lahayne reeryo caws ahayde saarrayd darteed ayaa meel kasta ka xagatay. Awrku gura ma layne siday faras fuushan tahay ayay reeryada dusha kaga fadhiday. Waxaa intaa dheeraa, iyadoo awrkuna ahaa mid aad u tallaabsanayee waxa saarani ruxmanayaan iyadoo iyaduna la ruxanayso.
Maryan meelo badan bay reeryadu ka xoqday oy aad uga xanuunsaneysay, ha yeeshee, iyadoo naagnimo ku jirtay darteed ayey ka xishootay inay tiraahdo meeshani waa igu dhib. Dhiig ayaa bawdyaha meel ka mida ka yimid. Inay kuurkuursaneysee dhibban tahay ayaa waxaa arkay odaygii oo mar kasta isha ku hayey iyada. Wuu fahmay dhibta haysa. Intuu joojiyey awrkii oo gogol uu wataye naagtiisu u soo duubtay, buste iyo barkin, oo ugu hagaajiyey meeshay fadhiday buu yiri, “Ku fariiso.”
Maryan baa inta meel raaxa miiran ah salka saartay neef weyn fu’ soo siisay iyadoo hadalkiiba ka xishootay iyo inay mahadsanid tiraahdo. Loogama jimcine waa loogu cayntaariyey. Iyadoo sidii dabaysha loo nuugayo aanna lays dhuganeyn ayaa qorraxdii godkii gashay. Raggii ayaa qoryohoodii intay soo wada rogteen waxay fiirfiirsadeen sida xabbado ugu jiraan. Waxay isu diyaarinayeen habeenka dumey iyo dugaagga soo fool leh. Carriga la marayaa wali waa carri libaax dool ah sida badanna aan lagaba waayin isagoo aroor, fulitaan ku maraya ama xoolaha ceelasha ku sii jeeda ama ka soo jeeda jeeqaaqaya amaba dad iyo duunyaba wax baylah ah meelahan ka raad goobaya maadaama ay jiilaaladii marane lays wada dhaafayo.
Awrtii baa inta dib loogu laabtay xiriir xirkii loo wada adkeeyay raggii awal wada socdeyna inta is qaybsheen, baa qaar badhan horay iyo gadaal laga kala maray iyadoo sidii biyo qar ka dhacaya socodka tuuryaa laysnaysa.
Odayga gar caddaaga ah ayaa awrta gar haya. Qorigiisu degtuu u saaran yahay isagoon wax u dhimmanayn waana kuwa darandooriga u dhaca. Wuxuu kaloo sitaa oon ragga kale wadan tooj lix qaad ahee meel dheer wax lagaga ifin karo.
Maryan waxay saaran tahay ratiga odayga awrtana u horreeya isagoo la biday inuu yahay kan ugu dheereeya uguna hayinsan.
Inkastoon la wada hadlin, meel lagu wada hadlana aan la joogin waxaad mooddaa in raggii Maryan badbaadiyey iyo odaygu yare isku riixayaan. Oo odayguna hadda iska dhigayo qofuu isagu wado, iyaguna badbaadinteedii tirsanayaan. Waxaa intaa raacda odayga oo ah nin degmada laga yimid laga xushmeeyo oo nin karaameed ah.
Maryan may fool xumee intii gabar Soomaaliyeed qurux badan tahay ayay qurux badnayd. Dhibaatada kaliyee haysey waa diif xunoo ka muuqatay markaa la joogey, iyadoo horay u soo weydey korriimo dheellitiran oo laftay u dhalatay lixaad u la’.
Odayga dhaafoo labada inan ee badbaadiyey Maryan ayaaba laga yaabaa inay isku laadaan oy dhexdooda ka aloosanto. Odayga naftiisu si weyn buu meesha isugu tirinayey iyo inuu ama cid siisto ama isba wax iskaga dayo, inkastoo uu mar da’ ahaa mar kalena xaasas badan ahaa Maryan way yar tahay rajada laga qabayna waa markay karto oo inan noqoto.

-II-
Wax la sii dalalagleeyo oo hadba karin laga sii duso sanna laga laabtaba, goor dambay habeen bar tahay ayaa la soo galay Magaalo ku sheeggii loo soo socday. Waa magaalo aansidaa u weyneyn. Nal may laha, dariiqyo laami ah iskaba daa, badiba guryeheedu waxay ka dhisan yihiin dhagax, dhoobo ama qoryo aan hab wacnayn. Dariiqyada magaaladu waa dhagxan iyo habaas miiran, jiingadda go’an, jaqafka daasadda ama weelka gorofka ah, qoryaha jajaban dartood qofkii iyadoy habeen tahay dariiqyadaa mar is yiraahda waa ku kufayaa. Waa ma dhacdo in qofaan wax ifsanayni ka nabad galo turaanturro iyo kufid ama dhaawac addimada hoose ka gaara. Dadku sida badan toojaj ayay qaataan oo mar alia markii aasku madoobaado ayaa magaaladu waxay u ekaataa cir aan daruuro lahayne gudcura meel kastana xidko ka bidhaamayaan.

Waxaa sida badan la ifsadaa faynuus ama batarmakis inkastuu yar yahay kuna kooban yahay inta u ladan meesha. Dadka intiisa badani waa faynuus waxay ifsadaan walowba ay jireen dad bada- noo iyagu waxba aan ifsane mugdigooda muquurta, gabbalku mar- kuu dhacana sidii gorayo gabbal u dhacay isugu soo ururagoobtay ku hoydaan. Waxaa yare la roon yahay markii dayax jiro.
Magaaladu waxay lahayd dukaamo aan badnayn, waxayaallina sidoo kale intay yaraayeen haddana noocya xumaayeen (waa alaab dibadda ah), Makhaayado sida badan laba jeer wax laga cunaa way jireen-manay badnee aad bay u koobnaayeen intay nadaafad yaraayeen bay haddana dhaqan xumaayeen.
Saacaddu markay gaarto 7:30 magaaladu way seexan jirtay dhammaan, aan ahayn ruux qarraaf, xan ama hawlo kaloo gaar u socda.
lyadoy xaajadu sidaa tahay oo kol hore laga seexday, mid mid meelahaas miraafaya mooyaane, ayaa awrtii safarka ahayde Maryan siddey soo gashay. Nimanka safarka wataa magaalada way kala yaqaaneen oo waa kaliyoy adduunyada kala xiriiraan. Wax- bana dhib kalama kulmine, mar alia markii la soo galay ayaa nin waliba inta Awrkiisii xiriir furtay la aadey cidduu yiqiine dantu ugu guntayneyd. Intaan la kala harin ayaa odaygii garwadeenka iska dhigayey yiri, “War aynu berri subax iska war hello si aynu isu ogeysiinno waqtiga ambabaxa in aynu dhaqsannaa waa lama hur- aan bay ila tahaye.”
Inamadii mid ka mid ah ayaa istaagay Awrkuu gar hayeyna joojiyey oo yiri, “Waa lama huraan taasi oo adaannuba bal berri kuu iman doonnaa, maxaa yeelay, adaa suuqa naga badiya, reer magaalkuna sidaadba ogsoon tahay waa tuugo aan kuu naxayn, ama aqood ama ha aqoone.”
Intuusan hadalkii dhammaysan ayaa midkii kale inta qosol beenle kajan ah qoslay wuxuu yiri, “war waa in la dagaallamo oo kolley waa layna dhacayaaye aan ugu yaraan yaryarayno dhiciddaas.”
Odaygii baa yiri, “taasi shaki ma lehoo waxaa u daliila magaal- aduba maxay ku dhisan tahay sow waxay reer baadiye ka dhacday

ma aha. Meeshan warshado kamafurra, beero ma laha, bansiin ama macaadiin kale kama qodna, waxa kaliyee magaala ka dhigay ilaa iyo maantana ay u jirtaa sow dhaceenna ma aha. Balse ha la iska war hayo oo berri aroortii aynu isugu nimaadno makhaayadda cury- aanka ee afka madow, waana in aydinaan waxbagadin ilaa meelaha inta galgallo bal wax kala ogaanno; intaa iyo habeen wanaagsan.”
lyadoo meesha marka lagu kala dhaqaaqay magaalada dhex- deeda ahayd, ayaa Maryan oo indhawaaleba sidii magaalada loo soo galayba ka yaabbanayd daaraha ama dhammaan guryaha dun- dumooyinka iyo gabiyada ama boholaha iyada ula ekaaye magaal­ada lagu sheegayo. Waxay aad ula sii yaabbanayd ifafka batarmakisyada oy is leeday, “dadku armay is gubaan, mise waaba wax kalee dab ma aha.”
Maryan weli waxay saaranayd ratiga guudkiisa. lyadoo yaabka iyo amakaagu ku sii badanay ayaa odaygii ratigii hoggaansaday. Goobtuu u socday ayuu tagey. Waa rneel bannaanoo guryo dha- wroo carshaan ah hortooda. Haddiiba inta arrumay oo Maryan soo dajiyay ayuu heeryadii ka rogey. Intuu kiciyey oo yare sii taxaabay buu meelaan fogeyn inta fariisiyey dabar iyo .qarqaarsi isugu jabiyey. Heeryadii iyo jawaanno maran buu inta dhinac isugu dadey wuxuu u soo dhaqaaqay dhankii guriga.
Maryan iyadoo go’ii isaga ahaa hullaaban aadna meesha uga cabsanaysa bay sidii roob xoog lihi hayo dhaxanna u go’aysa inta isa sii duuduubtay meesheedaa iyadoon wax dhaqdhaqaaqa muuj- ineyn sidii jirrid qallalane meesha ku taal taagnaatay. Indhahay wax ka eegeysay oo kaliya. Jirkeedu inkastuu aad u daallanaa una baah- naa dhaqdhaqaaq, fadhi iyo jimicsi badan haddana sidii dhulkay taaganayd cunayo ayay meel kasta ka cabsaneysay. Waxay ka cabsaneysay xitaa in la yiraahdo “maxaad meesha u taagan tahay orod ciddiinnii aad!”
Odaygii baa guri garaacay waana laga furay oo inta lagu soo boodey kor loo qaaday. Qofka odayga qadayee rayraysanaa waa qof haween ah. Farxad dheeraad ah ayaa qofkaas ka muuqatay. Markii cabbaar laysku dhegganaaye hadba dhan laysuladildillaam- ayey ayna mar dambe odaygiiyo weli gacanta haysta naagtii wuxuu dib u soo daymooday Mayan oon weli ka dhaqaajin cageheeda meeshay dhigtay markii odaygu Awrku ka soo dejiyey. Uu soo

daymoonayey maahee, islaantii isaga ku dhegganayd ayaa dareen- tay in cidi isaga la socotay dibna uu u daymoonayo. Markaasay intii qof naxo naxday oy istiri, maantaaceebowday, bay dhankii guriga u sii booddey. lyadoo guriga ka soo jeeddoo is qarinaysa bayte, “ma cid baa kula socotey! alia ceeboobey!”
Odaygii intuu qoslay buu yiri, “Maxaad ku ceebowday ma ceebaa haddaad odaygaaga dhuunta ka gashid, sowtan laysku keen ogyahaye aynu isu dhaxno?”
“Iga daa caawaan ceeboobaye! Lillaahi cid miyaa kula socotay, run ii sheegoo!” bay tiri.
Odaygii intuusan u jawaabinba dib ayuu isu soo rogey oo Maryan intuu u yimid, isagoo garanaya waxa haya, gacanta soo qabtay. “Adeer, ina keen,” odaygii baa yiri.
Maryan way raacday, socodka way garan la’ayd sheex baqdi- need darti. Intiiba wuxuu geeyay gurigii oo faynuus ifinayo. Gurigu waa guri aad u qurux iyo dhaldhalaal badan markii Maryan loo eego, maxaana iska leh odayga. Afada meesha joogtee hadda ku dhegge- neyd isagaa qaba. Isagu waa laba reerre miyi iyo magaalaba deg- een, tan dhawaan buu guursadey, welina carruur may dhalin. Miyiga mid kalaa u jirta ad u da’ weyn. Carruurtiisu ma yara waa ilaa toban iyo sagaal. Naaga badan buu furay ilmahana badi dhalay. Haddase wuxuu aad ula hayaa minyarada cusube dhawaan soo- galka ah. Danta ugu weyne uu Maryan ugu mintidayey wa isagoo rabey inay u adeegto afadiisan.
“Haye caawa gabar baad ii waddaaye. Allaylehe gabar waan u baahnaa. Ma kuwaad dhashaa mise waa cid kale?” Afadii baa tiri “Ama anigu aan dhalo ama cid kale ha dhashee kolley haddaad ciidan heshay sow baraare kuuma ah? Anigu iskiin barimaayee, idinku is barto waydinkaas, taan aad uga dardaarmayaa waa inay xannaano wacan iyo daryeel heshaa, ayan ahayn raggaan isku dillaye ku kala dhimmannay bay aadi doontaa,” Odaygii baa yiri. Afadii baa waxay ka shakiday isku-dilka iyo wuxuu sheegayo, wax- base may sii weydiine cuntay soo diyaarisay. Intay marmareysay bay mar uun Maryan inta isa soo dul taagtay tiri, “Haye adigu magacaa?” “Anigaa?” baa Maryan dib u waydiisay. “Yaad u malay- naysaa inaan su’aasha weydiiyey oon adiga ahayn?” Afadii oo yare ilka caddaynaysa ayaa tiri.

Odaygu markaa musqushuu jiraa oo maba joogo. lyadoo aad u sheexaysa gebidana hoos u rogeysa bay tiri, “Aniga Maryan baa lay yiraahdaa”.
Meeshii baa casha la soo dhigay. Maryan baa intaqayb la siiyey la yiri cun. Sheex darti ayay cuni weydey in mudda ah. Ugu dam- baystiise cuntay. Dhibaatada ugu weyneydse waxay ahayd markii saxaro gabatay oy garan weydey si ay yeesho. lyadu musqulaha ma taqaan iyagun ma ay garan oo uma tilmaamine dantooday ka wat- een. In la seexdo markii la maagay, oy Maryan in xaajo dhabqi doonto, haddayan banka aadin aragtay ayay xanuun isku ridey oo illeen way garanaysaa in dhibaato ka imanaysee is tiri iska moos. Inkastoy aad u cabsanaysay neeftuurkeedii ayaa mar dambe odaygu dareemay; intuu u yimid buu weydiiyey in xanuun hayo. Arag in si kale loo hayo maadaama ay ahayd qof baahan cunto badanna cuntay horayna u soo qaatay. Intuu faynuus qaaday buu tusay musqishii iyo siyaabaha irdaha loona furo loona xiro.
Waxba may galine sidii qof geli doona bay inta madaxa u rux- day meesheedii ku soo noqotayoo wax seexanaya iska dhigtay. Odaygii wuu iska seexday. Maryan mar alia marka is tiri malaha la seexay bay oodda jabsatay, iyadoo meelay ku saxarooto adduun weynaha ka baadi goobeysa. Musqusha la tus, ha yeeshee, uma qaadan inay run tahay, oo waxay is tiri (waaba aqale sidee baa loogu saxaroon karaa.)
Iridda markay ka baxday bay orod is xaabisay iyadoo baaddiye iyo meel cidla’ ah goobeysa. Waxay ogsoon tahay in hadday oroddo oo oroddo ay ugu dambaysta magaalada ka bixi doonto waxay ororddaba siday filaysay noqotay, taasoy ban cidla ah u baxday.
Kaligeed maahee magaaladuba aad bay banaanka hareeraha ka xiga u isticmaashaa, guud ahaanna Musquluhu way ku yaryihiin. Markii roob da’o geedaha ama cawska magaalada dhinacyadeedu aad bay u baxaan una tanaadaan, jiridda iyo caafimaad xumada ka imanaysa laysma weydiiyo.
Maryan waxaysan meesha keensan inkastoo lagaga weyna inay guriga soo garan doonto iyo in kale, goor damboy ladan tahay ayay dib u soo laabatay iyadoysan sumad iyo tilmaan midna u kala

lahayn magaaladu. Isku mid, midab, malluu g iyo magac bay gury- uhu u wada lahaayeen. Habowgii hore mid kala xigay oo Maryan mar kalay gacan u baahatay. Magaalada har eeraheeda dhurwaa iyo libaaxba waa laga helaa. Dhanay magaala.dii ka abbaartay garan wayday. Wax kale iska daayo sinaba u garan mayso meelahay soo martay. Dhaxani may jirto kuleylse waa j.iraa oo waa kaad cirku kacaansanaa. Daruura biyeysani waa buuxaan qaar ayuunba ka hillaacayaa.
Intuba inta ka dhaqso lehe, Maryan oo siddeeddii yaabban; meel bannaana taagan iyadoo is leh haddaad guryahan ku dha- waatid armaad dembi ka gashaa ayaa cirku soo gootay isagoo yalka, hillaaca iyo onkodka ama madkaraba-shaduu turayaa wax kale yihiin. Dhibicda ka dhacaysa xooggeedu wuxuu wax yeelayaa dhagxantiyo cidda naf cidla u taaganna iskaba daayoo. Cirkii wuxuu da’ayey muddo dhowr saacadood ah isagoon kala go’ lahayn dabayl dhaxan beergooyo ah wadataana u dheer tahay.
Maryan iyadoo dhibicdiina dusheeda ku tagtay dhaxantiina ku cashaysay walowba ay weli dhacayso ayay qabow galay iyo iyadoo awalba aad u itaal darrayd darteed waxay bilowday inay kalyaha ka booddo, ilkeheeduna sidii dawaar qof toli yaqannaa shubayo u ciyaan afka iyo sankana duuf iyo dhareer ka shubto. May garan guryahay gabbaadso oo wayba ka baqday. Way togantey oo sidii gurma go’an kol hore qallaley waxay ku qodbanaatay goobtay caawoo dhan taagneyd.
Magaaladu way huruddaa, dadyow inta gurigu ku darrooray ama biya u soo galeenoo iska asturaya mooyaane.
Odaygii iyo afadiisii baa markii dabaysha xoogga lihi dhacay- say waxay dareemeen irridda furanee is garaacaysa. Afadii baa inta soo kacday aragtay irridda. Way fahantay in yartii maqan tahay waxa furayna ayan tuuga ahayne iyadii baxday tahay. Waxay ka gaabsatay inay ninkeeda u sheegto iyadoo is lahayd wuu daallan yahaye waxba ha dhibin darteed.
Maryan iyadoo sidii u leeleesan goobtiina taagan ayaa waagii dusheeda ka beryey wadaaddadii addimayey ayay mooddey dad isu qayshanayee iyada baadi goobaya. Waagii bariyoo la soo wada

dardareer. Dadka meelaha marmarayey way arkayeen Maryan waxayse u haysteen inan yaroo dab iyo wax la mida dooneysa. Mar dambaa naag dhawr kol taagnida Maryan isha ku dhufatay guri- geeduna meesha yahay yare shakiday oy istiri qofka maxaa meesha ku dhidbay. Haddaba way la ahaan weyday inay inta u timaaddo wax weydiiso.
Maryanna meeshii ka dhaqaaqi weydey oo wayba togtogantay mabana dhaqaaqi karayso ilaa ama la qaado ama la diiriyo, naagtii aragtayna u iman weydey. Dadyow kalaa iyana arkay qofkan meesha ku dhidbane aan dhaqaaqayn.
Mar dambe, inkastoon weli lays weydiin ayaa naagtii dadka u hor aragtay intay soo dhaqaaqday Maryan u timid. Intay isa soo agtaagtay bay tiri, “Haye gabadha, bal iska warran, xanuun miyaa ku haya?”
Maryan in yaroy indhaha wax ka eegayso mooyaane dhaqaaq iyo hadalba waa deysay. Naagtii baa waxay aragtay in qofta la hayo si kastaba ha loo hayee. Aragtay inay tahay qof baadiye ka yimid; weliba mid fog oo dharkay qabtiyo saansaankeedaa laga gara- nayaa. Naagtii intay yare naxariiso is tiri bay damacday gacanta qaboo inta meel fariisisid wax ku qabo. Ay qabatayba waxay dar- eentay siday u qabowdahay una dhaxamaysan tahay. Intay isku duubtay bay u garab gashay dhankii gurigeedii. Meel bay intafari- isisay shaah kulul faraha ka saartay.
Maryan oo gacmeheedu dhaqaaq gab ku dhow yihiin xanuun dheeraadna ka tirsanaysa ayey fadhigii la fariisiyey shaahii qabso maagtay markaasuu ka fara baxay. Aad buu u kululaa, kubabka iyo caguhuna kaga daatay, msrkaasoy wax dareentay. Naagtii ayaa inta aad u naxday waxay la soo carartay Sonkor iyadoo meeshii shaahu kaga daatay ka marmarinays. Awai bay nabarro iyo xagtimo tiro badan meeshaas ku lahaydoo dhaawaceedu ma yarayn.
Mar labaad baa shaah loo soo shubay oo looma sii deyne inta loo qabtay la cabsiiyay. Waxaa kaloo agteeda la soo dhigay burjika- dii reerku quraacda ku karsanayey si loo kulaalsiiyo dhiigguna ugu diirsamo. Waxaa yaab lahaa duufka sanka ka da’ayey badnaantiisa iyo sidii qabowgu ugu tagaye ay u gariireysay. Mudday qaadatay nolol ku soo celinteedu, inkasta oo wax nolol la moodey ku soo

noqotay, waxaa dhacday inay humbuluuluqday hurgunna asiibay. Waxaa taa ugu wacnaa iyadoo oogadeedu aad u wasakh badnay- doo ayan muddaba qubeysan laga baayee dhalatayoo in ayan Maryan roob mar uun ku da’a mooyaane ayan qubeysanin iyadoo jirkeedu tabar gabay, iyo weliba nabarro iyo dhaawac horoo qarfa- dii iyo oodday soo jibaaxday gaarsiiyeen qabtay.
“Alla tani mid nool ma aha way dhimane yaa u dadoo aan la doonaa!” Afadii soo qaadday baa tiri!
Maryan way maqlaysaa hadalka iyada u dhacaya, markaasay iyadoo gocanaysa dhibaatooyinka horay u soo maray bayan had- dana ugu muuqan meel ay wax katiraahdo iyo cid sidaa uga bihinbi- haysa dhibta haysata. Aragtay inay xabaal mariwaa tahay-Qadarro badanna ka soo noolaatay, sidaa daraaddeed, iyada waxa naagta ka nixinayaa dhib sidaa u weyn lamaba aha. Markaa intasi walba naftii ugu soo noqotay bayan wax sidaas ah tabanayn, aan ahayn qalada magaalada ay ka qaloonayso xanuunka dabku gaarsiiyey iyo ciirsi la’aanta la soo gudboonaatay, inkastoo cid allaciddii kaloy la kulan- taaba u dhaanto aayadeedii bahalaha siisay.
Xanuunkii baa marba marka ka dambaysa ku soo kordhayey, ilaa ay cagihiiba dhulka dhigi weydey oy sidii ruux curyaan ah meel iska qotonsatay. Waxay soo baxday yatiin isha uun ka mirigsi- inaysa. Reerkay la tiil may ahayn rser sidaa ula socda faa’iidada daaweynta iyo la dagaallanka jirrada. Iyo weliba iyagoo Maryan u arkayey qof aan sidaa u sii ridneyne micna daran.
Maryan muddayan hadalin baqdin iyo sheex dartii. Dhibaatana waxa timid markay sidii horayba u dhacday musqul u baahatay. Aragtay inayan socon kareyn, danina ayan kafursanayn inay ciidan gacan qabtee ifka geeya hesho, walowba ay aad u fiigsanayd afadii horayba u soo kaxaysay ayaa ilaa iyo markaa aad isugu taxaluji- naysay bal inay u qabato ugu yaraan waxyaalahay tabanayso. Had- daba wax bay weydiisaa. Inay cunto rabto, biyo, dhaxani inay hayso.
Maryan meeshay reerka ka deggeneyd waa meel aad u rasanoo qashin badan, had iyo goorna aan digaag fagta, dabacaddeeye cayrsanaya iyo mukulaalo laga waayin, waa meel u dhexeysajikada iyo guriga intiisa kalee balbalo ah, labasaddex jiingadoodnasaaran

yihiin; markii reerku marti qaad qabo iyadaa sida badan wax lagu karsadaa oo had iyo goorba waxaan laga waayin dambas, jaqafyo iyo waxyaalo laysaga tuuro.
Maryan baa inta adkaysan weyday, iyadoon wax hadal ah oran sidii meesha loo dhigay, waxay tiri, “Eeddo, wax ifka ii garabgalaan rabaa xaggee baase loo if tagaa?”
Islaantii awalba xannaaneysay ayaa markay aragtay inay had- layso inta faraxday oo soo booddey si fiican u maqashay hadalkay leeday. Waxba umay kaadine intay kor u soo hinjisay bay u garab- gashay xaggii musqusha. Islaantu waxayan dhab u fahmin ujeedda- dii weyneyde Maryan lahayd ee ahayd “xaggee loo if tagaa”, isma ay lahayn qoftani musqusha ma taqaan.
Waxay sii walwaasho iyadoo raadka meelahay dhigto dhacaan ku sii dhaafaysa ciid iyo wasakhna ka sii qaadanaysa ayaa ugu dambeyn.
Maryan waxaa lageeyey meel, musqul loo yaqaaneqof yaroo dusha ka furan ah, dhererkiisuna uunan sidaa u ridneyn. Waa ciriir dar- biyadiisu soo kooban yihiin, qof dibadda joogaana hadduu maago inuu soo hanqaloocsado ay u sahal tahay aragtida waxa gudaha yaal ama jooga. Afadii Maryan sidday iyadoo is leh way garanaysaa isticmaalka goobtaas bay markay ku hubsatay gudaha Maryan dibadda isaga baxday.
Maryan oo dhinacya badan laga hayo oo musqushii ama qolkii yaraaye aan dedneyn, godkuna ka dhex qodnaa, dhex joogta is aragtay. lyadu dareentay in wax meesha loo keenay ay tahay if-tag, mase ayan garan habka loo isticmaalo. Dhinacyadey eegeegtay. Waxay aad isugu dayday inayan gafine sida loo baahan yahay ay yeesho. Cabbaar bay kafirirsanayd. Waxay indha-indhaysayba mar uun bay dareentay godka qolka ka qodan. Way daymootay oo inta aad u sii qooraansatay indhaha ku sii fagiijisay ilaa madaxa kala soo booddey bay tir”Hah weynaa, reerku meesha ma wax bay ku qurun- sadaan, mise waaba ceelkay ka cabbaanoo ka biiroobey. Dhan ay wax yeesho iyadoo garan la’, dad kalena meesha in muddo ahba sugayeen, baa afadii meesha geysay inta shakiday waxay damac- day inay albaabka ku garaacdo mise maba xirnoo waa siday iyadu hore ugaga tagtay waysoo riixday. Ay taabanaysay maahee wuu u furmay.

Si lama filaan ah bay dalaq ugu soo tiri mise darbigay horay ugaga tagtay bay weli ku tiirsan tahay. Afadii aragtay inay weli qayirsan tahay, markaas ayay wax dareentay, maxaa yeelay iyadi- iba reer baadiye dhagxanta ka madax adag bay ahaan jirtay inkas- tooy markan inta noloshaa deysay ay markaa is reer magaaleynaysay. Sidoo kalaa dhibaato uga soo martay la qabsiga nolosha magaalada.
Tilmaan hufan inta siisay oo welibatusaale meel mara farahaka saartay bay u soo bannaysay. Maryan iyadoo si uba qaadan la’ guryaha iftagga loo samaystay, iyadoo dadna meelay ku hoydaan ama ay foodda geliyaabna la’ yihiin bay caafimaadday.
Maryan inkasta oo weli nabarradii bukbukeen haddana shaqay bilowday iyo inay u adeegto afadii iyada ahayd bay noqotay. Waxaa ilaa iyo maalintii ugu dambeysay baadi goob ugu jira Aabbeheed iyo isna odaygii soo baadi dheelmaye magaaladaba keenay.
Lays moog, laysmana oga. Odaygii aabbeheed ahaa quus bay ka ahaatay, wuxuuna u deystay in kol hore dugaag cunay. Odaygii kalese, inkastuu aaminsanaa in ciduun magaaladaahi haysato, wuu heli waayey kana quusan waayey. Si fiican buu u baadi goobay, ha yeesheemuu haleelin. Intii uu baadi goobayey waa intay dhaawac- nayde ayan dibadda dheehan. Inkastuu dhawr beri u baaqday had­dana ugu dambaystii markuu waxba waayey ayuu isaga tagey. Isaga iyo asxaabtiisiiba ku soo dadaale Maryan haddana si sahlan bay uga sibqatay. Odaygii wuxuu ka gaabsaday inuu saaxiibtiisii u sheego in inantay heleen dhuntay.
Dhanka kale, haddii sheekada siday inantaa u caymiyeen gaari lahayd aabbeheed, waxaa taa hor joogsatay cidahay ka yimaadeen iyo degsiimada aabbaha ayaan isku haadba ahayn. Ma kala war iyo sheeka heli jirin, waana laba degsiimo aad u kala durugsan isku meelna aan degin.
Si sahlan oo la oran karo way daboollayd ayaa Maryan ugu gacan gashay reerkay la joogtay markii ugu dambeeyay.
Maryan ugu dambaystii way biskootay inkasta oy dhibtootay, jirrada haysay iyo galtinnimada waxaa uga sii dhib iyo halaag bad- naa iyadoo tillaabadii laqaado iyo dhankii laeegaba kayaabbanayd

waxa magaalada la yiraahdo iyo nolsheeda aan iyada lafasaxnayne soo xirxiran. Qalo dhaga taag ah, sheex aad jirro mooddo, wiswis iyo yaqyaqsi dheeraad ah iyo amakaag ayay ka bixi weydey. Markay meel istaagto saacado ayay ka qaadataa waxyaalahayan aqoone indhaha ku fagiijinayso. Baabuur ama nin surweel qaba markay aragto waxaad moodeysay in yaab adduunka jiraa uunan u harin. Waxyaalaha ka sii yaabin jirey waxay ahaayeen cuntada magaalada sida baastada, suugada, mooska canjeelada iwm. Maxaa yeelay, weligeed waxyaalo ay horay u aragtay ma aha. Cunto waxay ka tiqiin caano, hilib, haruur iyo galley, oo weliba sida loo kariyaa ka duwan tahay sida reer magaalku u samaysto. Sigaarka, sanuunadda iyo dhammaan cunto-magaaladu Maryan meel dheer bay uga soo carfi jireen.
Yaabse waxaa lahaa maalintay aragtay dad caleen cunaya. Waxay u qaadatay dad waalan oo waa hore inta isku darmay aan waxba u dhawrsoonayn. Waxyaalo badan oy dhegta ka maqasho, ha yeeshee ayan aqoon ba jira, sida badanna dadka ma weydiisee waxay ugu kaadsataa inay indheheeda ku aragto. Erayga khamro way maqashay, welise maarag. Maalin dambay ahayd markay arag­tay nin qaar sare qaawan, surwaal jeexjeexan qaba, wasakh badan oosi u dhacdhacayasidii nirig muqlaysannahadba intalugaha isku marto afweynta goosanaya, ciyaalna dhagxin iyo cay la daba soc- daan. Daqarro badan baa ka jeexnaa wuuna leeleesanaa. Ninkaas dadku wuxuu lahaa “khamruu cabbey oo waa sakhraansan yahay.”
Maryan waxay sinaba u keeni wayday waxa khamradu ka samaysan tahay. Waxay kaloo ka xishootay inay dadka weydiiso su’aalahaas sababtoo ah waxay is lahayd, reer baadiyaa tahayoo waa lagula yaabayaa haddaad weydiisid. Marar aan yarayn bay uga gabbatay sida su’aalo badanoo loo baahanaa inay ka faa’iideysato. Wax kasta waxy ku deysaneysay in iyadoo kaliyihi ka soo hor ka laabato waxyaallahaas. Dadka kale sheekaysanaya aad bay ugu kuu geli jirtay si ay uga hesho aqoonay dooneysee magaalo. Hadal- ladu markay soo galaan dhanka baadiye intay aamusnaan weydo ayay seefteeda galka ka soo saarta lana qabsataa dadka. Waxa ugu yaab badnaa markay aragto naag diric qabtee rag dhex mushaax- aysa. Intay hareeraha eegto bay u malaysaa danbiga in iyadu gashay.

Laga soo bilaabo maalintay dhaawicii shaaha kulul gaarsiiyey ka biskootay way shaqaynaysay iyadoo hor ahaantii aad u jeclaysa- naysay inay soo adeegto. Reerka Maryan shaqo gashaday waa xaas aad u ballaaran oo isku raran ah, ubad gabdho u badanna leh. Waxaa jooga dad xidid ahee isku xil leh iyo kuwo marwadadhashay marna is dhalay oo haddana la oran karo waa isku dhaxaan ama xididnimaa ka dhexeysa.
Haweenaydii soo heshay dhan waa ka soddoh gabadheeda la qabo, dhan waa ka xaas min weyn leh. Dhammaan dadyowgaa wax isu ahi isku goob bay ku soo wada dheelmadaan. Guriga lagu jiraa sidaa uma dhisma wacna, ha yeeshee waaqolal badnaa. Hawsha ka iman karaysaa reer intaa le’eg waa mid muuqata inay dhibyaraan ka taggan tahay.
Maryan oo dhammaan loo wada arkay inay tahay dhoocii xunee iyadoo baadi ah cidla laga helay looguna manno sheeganayo sidii loo canshey ayaa lagu bilaabay shaqo aan kala go’ lahayne waqti kasta joogta.
Suuqa waa laga soo adeegaa, dukaammada sonkoriyo shaaha iyo wixii kale e laga doonayaa kala go’ ma leh, weelka iyo dharka si joogto ah ayaa loo dhaqaa, xaaqidda iyo tirtirka guriga iyana waa joogto, carruur yaryaroo mar saxara laga tirayo mar loo qubeynayo marna la aamusinayaa iyana waa halkooda. Waxaa intaa dheeraa ilmaha reerka oo badani siday toos ahaan u adeegsan jireen oy u oran jireen nacnac, buufin iyo wax la mid ah ii soo gad; Maryan intay weliba lacagtay u dhiibayaan faraba uma saaraane agteeda ku soo sayraan.
Dadku waqtiyada hurdada, shaqada iyo nasashadu way u qaybsan yihiin, Maryanse dhammaan waqtigeedii shaquu noqday. Laga yaabee inay 24kii saace maalintu lahayd shaqayso 18 saac iyo ka badan iyadoon loo ogeyn dnibta haysata.
Maryan dharka la siiyaa waa canbuur xunee habeen iyo dha- raarba loogu manna sheegto. Kabo weligeed ma xiran. Madaxeed- ana hu’ may saarin. Sansaamaha gabarnimo kama soo daahirin, inkastoy inan tahay, weliba inta jirkeedu bisaylka naagnimo lagu yiqiin muujiyey ragga qaar golleheeda ilqooreedda ka eego kaddib markay iyadoo meelahaa rasane cambuur kilkilooyinka iyo laabta

ka dillaacsan qabta weel dhaqid iyo dhul xaaqid la legdameyso. lyadu is aragtay in wax laabteeda ku soo kordheen, maalinba maal- inta ka dambaysana ay soo foocayeen manay moogeyn magacood- iyo micnahooda, ha yeeshee, umay jeclayn umana kookoolineyn sida kuwa iyada la midka ahee gurigay ka shaqayso u dhashaye iyagu bisha ku raadinaya soo bixiddiisa (Naaska) iyo korintiisa. Fareheeda ugama duwaneyn hadduusan hawl dheeraad ah kuba kordhin oo cambuurkii buuba ka yareeyay.
Maryan iyadoo awalba hagaas ka ahayd xagga jirka caato laga wareerayna haysey ayay haddana hawshii badnayd xanaano xuma- dii qabsatay darteed hagaastay. Meel ay ka korranayd waxaa jirtay, baad mooddey, dhanka lafta oy mar kastaba sii kala baxaysay.
Cuntadeedu lufluf iyo hambaysi wax la nacay ah bay ahayd. Digsi ay xagato, halal bariisa oosaxan ku haray, gongon shaaha, jab rooti ah amagabal canjeelo ahee dhulka laga sooqaaday iyowaxla mid ah bay ku nooleyd.
Reerku inkastuu badnaa haddana waxaa laga la’aa qof inta aadaminimo iska baara qoftaa bal in yaruun daymo gaar siiya siday u nooshahay dhan walba. Waxaa intaa u dheeraa iyadoo looba qaatay shay la leeeyahay, dadnimadiina laga saaray. Mararka qaar- kood farahaaba la saari jiray. Waxaa loogu marmarsoon jirey maxaad ilmaha u aamusin weydey, waxaad soo gadday xumaa, halkaa ha fariisan, maxaa meeshan ku soo galiyay iwm. Dadka waaweyn iska daayo carruurtaa baacbacsan jirtay.
Maryan si walba cuqday u qaadday waxayna soo baxday qof yare sirgaxan, barbaarintii iyo bulsho la dhaqankiiba ka xumaaday.
Waxay noqotay halqabsi iyo qof dhoohanaanteeda ama doqonni- madeeda lagu maadsado.
Isku soo duuduuboo dad waxaa ugu roonaa habartii soo hes- hay subixii iyada ahayd, dhibaatase waxay dhacday ka soo noqon weyday. markay aadday meelay ka soo noqon weydey. Maryan waxaa si rasmi ah ula wareegay Islaantii tagtay gabadheedii la qabay oo iyadiyo ninkeedoo carruur ciidda ah lehe dadna ugu cadowtinimo cawli xumo badnaa noqdeen dawladda Maryan gumeysatee gacanta ku haysa.

Subax aroor hore ah bay ahayd markii intii afadii guriga lahayd hurda bogtey ay damacday inay ninkeeda iyo ilmeheeda quraac u samaysato way soo baxday oo waxay dul timi Maryan oo meel jiko ku sheeg ah cajil dhammaadaye wasakhda ku taalla midab aan la aqoon u yeeshay ku hurudda. Barkin may haysan. Cajilku jirkeeda dhulka kama wada xigine inta qaarka hore ahoo keiiya ayuu u goglanaa. Dusha waxay ka huwaneyd garbasaar nayloon ahoo waaya hore laga baxay oo duntu lagu huluuqay meel kasta tuur iyo taagtaag u yeeshay. Lugeheeda dhul iyo cirtoonna aan wax ka xigini umay ekayn lugo qof nool ku yaal, inkastoo reerku meel lagu qubeystee musqul ku sheeg lahaa haddana umay oggolaan jirin inay qubeysato, sababtoo ah biyaha reerku isticmaalo waa biyo dameero laga shubo oo aashuunno ku jira sida badanna aad loo tashiilo.
Islaantii cabbaar markay kor taagneyde ay dhegeysaneysay khuuradii iyo neeftuurkii rasnaanta iyo sixa xumada meeshay huruddey Maryan ka keeneysay bay mar dambe waxba tariib uma kicine haraati ganaca u gelisey, hadalna waxay katiri, “Naa kac bela kula khuura badnaataye, tani waxaan u malaynayaa inay qaaxa qabto, qufac badanaa oo khuura ku fool xumaa!”
Maryan inkastoy soo booddey haddana haraatidii hore mid kalaa loo raacshay mar kalena waxaa la yiri, “Naa kacoo orod dab doon bela kula haylo badnaataye.”
Maryan iyadoon wax hadal ah ka soo celin dibindaabyadii gaar- teyna iska qarsanaysa bay inta xaaxaabsatay, iyadoo gabadan lafaha ka gashay isla maroojineysa waxay u hitighitig tiri xaggii irridda. Intay baxday iyadoon ogeyn meelay u socoto bay cabbaar markay sii socotay iyadoo weliba indhaha isku haysa waxay istaag- tay meel dhexe. Intay indhihii kala qaadday bay hadba dhan eektay, waxay kala hubin weydey inay qarweyso iyo in kale, maxaayeelay waxay aragtay habeen inay tahay meel dab laga helayaana ayan jirin. Intay shakiday ayay cabbaar meeshii cidlada ahayd iska taag- neyd. Iyadoo weli sidii ah baa ey isu orgaysan oo is dileysaa meeshii soo martay. Waxba iyagoon iska saarin qoob iyo qaylana isku darayey Maryan foodda soo saareen. Maryan inta naxday dheel- alaabadiina si uga boodday bay irridda ka fooftay hadda dib isugu soo qaaday.

Mar alia markay fooddasoo galisay, dab inayan sidinna laarkay ayaa afadii horay u dirsatay halkay joogtey kaga soo boodday oo waxba uma sugine waxay isugu dartay dharbaaxo, dhifdhifasho, tantoomiyo haraati, haddana waxaa laga yiri “Naa bal eega xujadan indhihiyo dhegaha la’! Naa mee dabkaan kuu diray iimaanka tufto, ma carruur baad tahay markaad Eeyda ka soo cararaysid, sowtii la lahaa reer baadiyuhu ma baqaan oo waa bahalo dile hniiran.” Maryan iyadu magaalada ka hor weligeedba ey may arag dhegta inay ka maqasho mooyaane.
Maryan iyadoo qayladii Eydu maskaxdeeda ka qaylinayaan, laba jeerna ay sastay ayay mar saddexaadkiina dil iyo dibindaabyo la kulantay. Xanuunkii, gaaray darti ayay qaylisay, oo ay tiri “Alla lumayeey, a, a, a, a, alia eeddo alia eeddo.”
“Eeddadaa iyo aabbahaaba …. goormaan Eeddada u noqday waxan xunee aan wax dhalayba la aqoon, dadyowga islaameed baaba’ run moodi doona. Naa orod dab noo doon.” Wal dheelalay- biyo naxdin baa haysaye hadday dilidi u dheer tahay bay mar labaad dibadda is dhigtay. Sidii oo kalay inta hadba dhan eegtay, iyadoo eydiina ka baqaysasideedabana u baydadsan, waxay u kuur gashay cidihii deriska ahaa oo ay dhegdhegeysatay bal inay inta tooseen dab shiteen. Wax dhaqdhaqaqayaase ma jirin.
Siddeedii bay meel cidla ah is liqdaartay oy is tiri isaga sug halkan ilaa la kaakacayo. Meeshu waxay ahayd reerduleedkii. Cab- baar markay taagnayde ay ku daashay bay iska fariisatay ilaa ay ugu dambaystii hurdo dhag tiri. Daal iyo dacdarro dheeraad ahee hayey daraaddood bay halka uga tagtay.
Afadii dirsatay baa sugi wayday; kaddib markay aragtay in qorraxdiiba soo baxday, bay inta iyadii soo baxday waxay ka eeg- eegtay meelihii ku dhawdhawaa. Qorraxdu marka in caday joogtaa. Afadu iyadoo dhan dab ka dooneysa dhanka kalena Maryan ka baadi goobeysa bay cid daris ahayd u soo laabatay oy tiri, “war reer islaameed ma barideen, dab ma haysaan, middii xumayde baase nala joogtayse ma aragteen?”
“Haayoo waa la baryaye, idinkuna ma cawo barideen? Dab waa yaallaye halkaa ka qaado. Inantii ma aannu arag noomana soo laaban, ma xalay bay dhaxday?” Hadalkaa waxaa yiri afadii guriga

lahayde oo iyadu la socota dhibta dhex taal Maryan iyo reerkay la joogto.
Afadii intay dabkii qaaday bay iyadoo sidii u habaartamaysa dariiqii dib ugu laabatay, “Bal xaggay aaddey iimaanka laga qaad. Belaayo korso sidanay leedahay. Allaylehe ballan waxaan ku qaaday inaan kaa jaro, adigu ama dhuumo ama iska daayo, sow kolley kuma heli doono”.
Maryan waa war moog hurdo ku haysato meel aan kadheerayn afada hiiftanka iyo habaaranku xiijiyeen. intuba inta ka dhaqso lehe, waxa haddiiba soo foofay ilmihii reerka. lyagoo is cayrsanaya, garangaro iyo kubaddana isku hays haysta ayay la soo gashay duleedkii Maryan jiiftay. Mid garangar cayrinaya ayaa kuba turaan- turooday lug Maryan jiiftay. Mid garangar cayrinaya ayaa kuba turaanturrooday lug Maryan lahayde meel tiil. Garangartii baa ka dhacday isna waa kufay. Lawyada ayuu ka murmurxay. Inta jafjaf- tay oo istaagay buu dib u soo eegay, uu soo eegayey maahee wuxuu arkay Maryan oo iyana intay naxday meeshii ka sii xaaxaabsanaysa. Yarkii oo horay u ogaa in la doondoonayey ayaa ma joogoogsane inta, isagoo af labadii ooyaya, orod isqaaday hooyadii hoosta ka galay, “A aha, a ha, a ah, hooyo Maryan baa i dishay baa i dhishay aniga maxay iga rabtaa, fiiri dhiigga iyo waxa iga soconaya.”
Habartii baaba kala heli weyday Maryan baa wax dishay oo meelahan joogta, cid kalebana ha dishee wiilkeeday dishey. Iyadoo hadalkii ka soo bixi la’ yahay bay waxba wiilka may wediin meelay joogtee inta soo tafa xaydatay irridda soo boobtay. Wejiga markay keentay baa Maryanoo indhaha marmaraysa si walbana khabaar moog u ahi gacanteeda midig gashay. Way soo qabatay gudahana u soo gundhisay. Way sii jiidatay oo inta ka xurduq-xurduqsiisay waxay la tagtay jikada dhexdeeda. Intaaay sii waddey may hadlayn. Maryan iyadu weli wax may fahmin, waxayse u deysatey in lagu haysto maqnaansheheeda. Afada bushiteeda hoose ayaa qamuunyo kala goysay, lafahuna si fiican bay u xaydan yihiin waxayna kala heli la’ dahay siday u dili lahayd Maryan.
Markay jikadii ku hubsatay bay meel kale ma qabane cunaha dig tiri cabbaar bay haysay oy neef iyo dhaqdhaqaaqba u diidday. Afadu Maryan aad iyo aad iyo bay uga tabar iyo taagba roonayd. Waxay ahayd islaan intii markii hore laf u dhalatay haddana hilib iyo itaal dheeraad ah leh.

Maryan way ku caddaatay. Xaggay isu gundhisay oo xagga isu gudhisay mise gannaxna, oo si awalba iooga itaal badan. Inta la hantiyey bayan sinaba u nuuxsan karayn. Hadday hadal iyoqaylo samayn lahaydna dhuuntaaba xiran. Waxaas oo dhan waxa uga daran oy la’ayd oo lagana xayiray ogsojinkay ku noolayd iyo neef- sashadii caadiga ahayde naftu ku socotay.
Intii way indha caddaysay oo soo itaal yaraysay, afadu garatay in wax iska baddeleen Maryan, ha yeeshee weli habaarran, hiiftan iyo dhaar bay waddey, gacmahay ku hayseyna, waxba ma dabcine way ku giigsanaayeen, “Bal najiska ubadkiisa dhogartiyo dhalanka xun baa maanta cabdifataax ka oohisey! sidee bay taasi ku dhacdy, waaba ma dhacdee. Allaylehe haddaan maanta naf kaaga tago wa anoon dad ahayn! Wacalad xunee daahuun ah intaan korsannay bay haddana sidaa noola macaamilaysa” afadii baa hadalladaa xanaaqa iyo hanjabaadda miiran ah lahayd.
lyadoo weli sidii ugu maran wajigeedana eegeysa bay aragtay indhihii Maryan oo soo xinjiroobaya, dhiignameelo badan kagasoo aroorayo iyo indheheedoo sii damaya. Intay yare naxday oy istiri, malaha way dhiman rabtaa, bay iska sii deysay. Maryan oo kol hore miyir beeshay ayaa markii la sii daayey, illeen awalba iyadu caga kuma taagneynoo kor baa bela u sidataye bay sidii meyd la tuuray dhulka u gashay.
Indhuhu way jilladnaayeen oo dhiig xinjiro ah baa caseeyey, afku laba taakuu kala joogey. Wax naf ama nolol ahoo ka muuqday ma jirin. Ay dhacayseyba afkay ciidda gashatay iyadoo wax naf baxay mooye tilmaan kale ka dheer. Afkay dhulka ku dhufsatay wuxuu kaloo u keenay in ilkaha hore dhawr ka mid ahi ka daateen, maxaa yeelay, afadii mirjisay ayaa markay sii deyneysey intay horay u soo dhufatay xoog iyo degdeg isaga sii deysey. Ilkaha daatay markaa lama ogee waxaa lagu ogaadey waxaa la arkay dhiig qolqo- laya meeshay afka ku haysaye gabiib adag oo dhagxan iyo shami- into isku dhafan ahayd.
Afadii wax dileysaye, habaarameysey ayaa inta naxdini yare soo ballaysay waxay sheegto garan weydey ishana waxay kadaaw- atay Maryan oo iyada wax naf baxay ula muuqatay. Cabbaar bay ag taagnayd oyan waxnaoran waxdhaqdhaqaaqahnasamayn. Muuq-

aalkii meeshaa yiil wuxuu u ekaa libaax inta hal dilooday dultaagan in uu taabtana ka maagaya dareen galay daraaddii.
lyadoo weli sidii xaajo tahay oo afadii naxdin la qallalan tahay Maryanna weli afka ciidda kula jirto ayaa waxaa soo baxay ninkii reerkoo shaqo u socda. Isagu war moog buu ahaa. Markuu dhaaf- ayey ayuun buu si sahlan isaga daymooday. Wuxuu isha ku dhaftay labadii qofee weli sidii ah. Inkastuusan sidaa wax u garan haddana wuu shakiyey kaddib markuu arkay sida aan caadiga ahayne Maryan u kala taal. Isagoo taa qaadan la’ ayuu isha la soo raacay afadiisii taasoo iyana shaki sii galisaye uu arkay inayba roganayd. Isagoon wax hadal ah la soo tinnaagoon buu inta soo dhaqaaqay labadoodii dul yimid. Afadu lamaba socon ninkeeda u yimidee waa lagaga weynaa. Maryan buu hoos u daymooday, arag inayan samayn. Afadiisii ood magalooti mooddo buu garabka ka taabtay. Mar alia markuu taabtay bay cirka u boodday oo sidii wax aragaga- xay heerweyn oodda kasoo qaadday, hadalna waxay ku tiri, “Anigu ma diline iyadaa iska dhimatay. Maya, maya, mayee aniga maahee yaan laygu khatalmin, Alla naftu hawl yaraa!”
Ninkii isna waa shakiyey oo inta wax kala saari waayey cabbaar meeshii taagnaaday. Arag dhiigga hoos dulunduicaynaya Maryan, taasoo uu u qaatay in mindiyo lala dhacay. Afada indhuhu galkay ka soo baxsanayeen naxdin iyo yaab dartii. Ninkii intay ka firirtay buu wuxuu yeelaba garan la’ yahay. Mar dambe ayuun buu inta hal adayg iska baaray is yiri eeg in nafi ku jirto iyo in kale, wuu soo foorarsaday oo wuxuu ka taabtay jalaqleyda si uu u ogaado wadne- heedu inuu shaqaynayo. Uu qabanayey maahee wuxuuba maqlay neeftuurkeeda. Gacantii buu degdeg u sii daayey oo kulligeed inta soo qabtay awal afgembi bay u tiile dhinac u rogey. Waxaa soo baxay afkeedoo awal qarsoonaa kol hore intaxinjire hareereeyeen wax lagu tilmaamo aan la garanayn. Bushimihii dildillaacay intay kol hore barareen bay carroo dhan awdeen. Garka iyo bushinta hoose waxaa u saarsaarraa ilkihii jajabay jajabkoodii walowba qaar weli afka ugu jiraan. Dhammaan wejiga iyo laabtaba dhiig baa dhaamay, dhar ku sheegay qabtayna wuxuu ku dhejiyey jirkeeda.
Isagu markuu rogayey ayuu dareemay inay miyir la’dahay, maxaa yeelay, inkasto ay noolayd haddana nafi kama muuqan dhankuu u rogey u balaq tiri.

Wuu sii taataabtay si uu u ogaado bal dhaaweceedu intuu halis le’eg yahay. Wuxuu ku warwareegaba wuxuu ogaadey inay hala- kaysan tahay ilaa iyo markaana miyir la’ dahay.
Waxaa ugu darraaye uu ka baqayey dambiga reerkiisu galay iyo siduu uga moosi lahaa. Wuu fekerey oo is yiri, “haddaad cisba- taal geysid sow la oran maayo qofkii qofkan dilay ha la keeno, haddaad iska daysidna sow idinkuba naf baxdee hadhowna kaba cuslaatee!”
lyadoo xaajo sidii u dhabaqsan tahay oo reerkii inuu foofo maagganaa inta gebida wada rogtay ay ku lisayso ayaa Maryan miyirsatay. Aayar bay inta indhaha u kala qaadday madaxa la soo kacday. Isheedu waxay qabato waxaa u horreysay afadii iyada dishaye meelaan ka dheerayn taagneyd. Afadu sidoo kale waxay isha iyana ku haysay Maryan dhaqadhaqaaqeeda. Maryan indhe- heedu inay wax arkaan looma malayn karo oo dhiig baa sal iyo cirib ku taagnaa, ha yeeshee iyadu wax waa aragtaa.
Markay indhohoodu isku dheceen, iyadoo qof waliba wax u gaara uurka ku haysto, ayaa mar labaad Maryan inay suuxdo ku sigatay oo may aamusine iyadoo aaminsan weli in dil lala dul taagan yahay qayliyo baroor af labadii yeertay, “Alla ba’ayeey, aaa, aaa, waaw, waaw, waaw” Afadiina intay awalba waa naxsanayde sii anfariirtay bay cagaha wax ka dayday iyadoo lagu raran yahayoo indhaha guduguduudan, dhiigga iyo afka digada ahee bararku simay kaqalbi dhaqdaqsan. Mayjoogjoogsaneis-dedday madaxiyo majaha laabatay neeftuurka ka baxayey waa qiyas la’aan. Hadal waxay ka tiri, “Alla alia, alia lumayeey, aalla maxaa igu watay la sii qaaddan baase beladu dhashay, alia jin baa dhalaan u malaynayaa, waled allaan insi u dhalin, maxaa yeelay hadduu dhalo waa la arki lahaa!”

Ill
Maryan kani adayg ay u dhalatay dartii iyo ceeb ay u haysatay reer baadiyanimada bayan horay taariikhdeeda cidna ula socodsiin oy sal iyo baarba u daahdey. Meelay ka timide run ahna ilaa iyo hadda cid ogoo aan iyada ahayni ma jirin. Sidaa daraaddeed ayaaba afadu sii shaki galisay maadaama ay ahayd qof jin iyo khuraafadka aaminsan. Jirraaba ku dhacdy oy iyadu samaysate ah: dhal jin baad

dishey aduuna ku dili doonaa haddaan lagaa cuudin ama lagaa shidin. Si xun bay u aamintay arrintaa.
Maryan miyirsatay qayladiina joojisay. Aragtay in naagtii diley- say ayan hadda haysane agteedu cidla ahayd. Mar dambay eektay dhineceeda kale taasoy aragtay odaygii reerkee isagoo isna yaab- ban agtaagan. Intay yare isasoo qabatay bay fariisatay oy dhar ku sheeggii calaladaahaa isku hagaajisatay. Way xishoonaysay maxaa yeelay naag bisil bay ahayd. Waxba may kicine meesheedii bay fadhi ka miistay. Qof quus jooga noloshana ka samirsan bay u ekayd. Ilkihii ka jajabay bay tuftuftay, dhaawicii afka ka gaarayna taataabatay. Inkastoy dhaawacnayd haddana sidii wax maahsanee hurdo badan seexday bay u ekayd, walowba dhibaato ageheeda gabranayd quusgaabannaayjoogtay. Labada indhood intay isdaba dhigtay oy sidii qof quus jooga, wayba joogtaye, bay gebida laad- laadisay, dhulkana faraha la gashay iyadoo gacantay ciidda ku fagayso maahee tii kale dhulka u mudan tahay.
Ninkii oo meeshii inta isaga qallalay wax uu sameeyo garan la’ isagoon wax ka dhaahi jirin baa ugu damabayn Maryan kor yimid. Cabbaar buu hogtay. Hareeruhuu eegay. lyadii buu hoos u eegay. Madaxuu inta ruxay bushinta hoos yar qaniinay. Hoos buu inta ugu soo foorarsaday weydiiyey. Maryan, “ii warran sidee wax u dhe- ceen? Maxaa adigiyo Cibaado idin dhex maray? Adiguse sidee hadda tahayoo wax ku gaareen?”
Maryan oo hubi weydey ujeeddada ninku leeyahay baa inay u jawabto ka maagatay. Aragtay in su’aalo badan la weydiiyey ha yeeshee, waxay aamini la’ ahayd ninkoo ay isba nacab u haysatay.
Ninkii oo in muddo ahba jawaab ka sugayey Maryan ayaa markuu arkay inaan hadal ka soo socon xaggeeda, su’aalihii mar labaad ugu celiyey, danta ugu weyn ee uu ka lahaa waxay ahayd inuu dambiga afadiisu gashay la duugo Maryanna la basabaseeyo.
Maryan inkastoyan garansiisnayn danta ninku wato, walowba ay ka shakisnayd bay, kaddib markii mar labaad su’aalihii lagu soo celiyey intay kuurkuursatay luquntana hoos isugu sii laabatay iya­doo gunuunuc leh waxay tiri, “maxaad iga weydiineysaaadbagoob joog baad u ahayd wixii dhacaye. Markii horeba naagtaada igama qabaneyne ma haddoo dhintay baad wax iga weydiinaysaa.”
Hadalkaa markay leedahay jirkeeda oo dhammi waa wada dubaaxinaya cabsi haysa darteed. Waxay is lahayd armaa ninkuna ku dilaa.

Ninkii baa inta naxay, isagoo qaadan la’ hadalka Maryan tiri, hoos wuxuu ugu sii foorarsaday Maryan. Wuu ag fariistay oo inta garabka ka taabtay yiri, “Maryan, runtaa weeyeoo way muuqataa in lagu dilaye bal hadda ka kac meeshoo xagga soo fariiso.”
Maryan baa naxdin boodday oo kurbasho bilawday kaddib markii gacanta ninku taabatay. Gacantiisa waxay u haysataa wax weynoo aad bay ugaba baqsanayd taabashaduu taabtay. Isaga waa ka besbeso iyadana waa ka baqdin cuius.
Kor ayey u booddey oo laba saddex jeer inta sii ruqruqaansatay isa sare taagtay. Garbasaar ku sheeggii ay hullaabneyd bay, iyadoo ban aan dhaweyn taagan, isku sii daddey wejigana ku qarsatay. Toos umay eegin ninka wejigiisa ee hadba daymo gaabane si isu dabataal kalana go’goaysa, iyadoo ishaafalato ay dan ka yare leed- ahay ku baaraysa, bay tuugaalaysi ku meermeereysay.
Isagii arag in qoftani fiigsan tahay, cabsi iyo xishood wax wadaba, mana uu mooga inay dhaawac tahay. Tan isaga ugu wey- nayd waa dhanka dembi.joojinta. Kama uu horine intuu ka daba tagey buu yiri, “Maryan aniga ha iga cabsan aabbahaa oo kalaan ahaye. Waxaan ku weydiinayaa i tus sida wax kuu gaareen.”
Maryan waxay aad uga qoomamaysnayd hadalkay horay u tiri oy isleedahay gooray noqotaba goor aan fogeyn baa laguu ciqaabi doonaa. Waxbana may tusine xaggaasay isu sii duuduubtay. Sheexa, baqdinta iyo gebi laabidda ka muuqatay waa mid aan sinaba tilmaan u lahayn.
Ninkii waxay la ahaatay inayan suuro gal ahayn hadal Maryan laga dhaliyaa. Wuxuu kaloo istusay inayan dacwoon doonin, maad- aama ayan aqoon lana socon si dacweyntiyo shaqooyinka laxiriira. Sidaa daraddeed ayuu inta isaga gaabsaday u goostay inuu iskaba shaqo tago, xaalkaasna siduu yahay u dhaafo.
I rriduu ka sii boodey isagoo iskula hadlaya, “belaayada sideeda u dhaaf. Tani mid wax og maahoo iyadoo meeleheedan taagan bay mantiyo berri iska biskoon doontaaye. Naag baastase maxaa ku diraye goradda u geliyey ruuxan baase baadida ah.”

Ninkii shaquu tegey, afadii reerku meeshay horay madaxa ula gashay bay weli laalaabanayd, iyadoo aad isugu mashquulinaysa been ay aaminsanayd iyo arrimo la xiriira, Maryan iyana weli waxay la amakaagsanayd jiingadda hoosteedii iyadoo barar afkeeda qariyey bushimaheeduna wax kale u muuqdaan. Saacado badan ayaa tagey iyadoon wax iska warqabaa jirin.
Carruurtii dhammaan dugsigay aadeen mid yaroo darin u dho- weyd wax isku dhamooqaya mooyeene. Kaa yari waa kii ugu yaraaye aan weli socod baran. Wuu ooyayey cid la hadlaysaase ma jirto. Ilmada, saxarad, ciidda iyo dhammaan rasnaantagoobtuu yaal ka muuqataa waa mid la yaab leh, ha yeeshee waxaa hooyadii kaga weyn arrintay isla dedeysee been abuurashada ah.
Maryan way maqlaysaa cunugga cawcawdiisa, jirtoo, necayb- kay reerka u qabto daraaddii baacuggayba kaga joogsan lahayd, aamusiis iyo koolkoolin iska daayoo, hadday ku nabad geleyso.
Cunuggii wuxuu xiiq xiiq leeyaba, mardamboosaacada badani ka soo wareegeen markuu oohinta bilaabay ayuu inta tabar gabay oohin iyo dhaqdhaqaaqba seegay. Intuu awal waa firigfirig lahaa oo dhidida-yaye nuuxsan waayey oo qaboobey buu sidii Maryan inuu suuxo ku sigtay. Wax dhaqdhaqaaq ah wuxuu samaynayey neef- siga ririir iyo culays ku qaadanayey daalka haya daraaddii.
Meet Dc. ^an doorin buu dhex dabbaalanayey.
Iyadoo sidaa la yahay, ayaa goor dambay harkii tahay waxaa soo hor maray ilmihii dugsiyada jiraye cunto iyo cabbid doonaya markay soo galayeenba waxay dooneen inay aashuunka ka cab- baan mise Maryan oon sinaba Maryantay yiqiineen u ahayn baa jikada dhagxan taa salka ku haysa, ilmana indheheeda ku taagan, barar, jajab iyo dhiig qaar qallalay, qaar jiicame yahay qaarna weli qoyan yahay baa wejigeeda meeshii la eegaba laga arkayey. Dhar- keedu kaba daranaa ilmihii intay qalbi daqdaqeen bay naxdin madaxa la wada laabeen oo awal oon baa hayayoo aroor bay ahaay- eene dib isaga wada laabteen, kaddib markay niyaddaba siin waay- een goobtii aashuunku yiile Maryan yuuryurtay.
Waa waqti maalintu horay u badatay ama markii inta qadada la isu soo laabto afka wax lagu dhufan jiray. Ilmuhu aad bay u baah-

naayen, dugsi bay ka soo rawaxeen oo baahi xad dhaaf u ah bay
daaqayeen. Arke inaan wax daboo shidani jirin. Intay hadba dhan
isu jiireen bay haddana iyagoo wax indha-indhaynaya waxay u
dhaceen qolkii waalidkood. Markay galeen ismay lahayn hooyadiin
baa joogta, oo waxay iyada ku tirinayeen inay qada ku maqan tahay,
ha yeeshee markay soo galeenba waxay isla ku wada dhifteen
hooyadadood aan wax lagu sheego la garanayn. Intay wixii dhar
cusbaaye ay lahayd soo wada saartay o qaar huwatay, qaarna
gurigii ku gogoshey bay haddana wixii Barafuun meelahayiil waxay
ishu shubtiyo waxay ka dhigtay waxay ama cabto ama darbiyadiyo
armaajooyinka ku duugto. Qofka wax kalaaba ka soo uraya. Ilmuhu
markay soo galeenba hindhisiyo qufac bay bilaabeen.
lyadii markay aragtay qufaca iyo hindhisaday intakusoo bood-
dey dibadda u jaftay iyadoo leh, “belo idin gurataye ka baxa, ka baxa
meeshan duulal baa harsanayee yaa idiin idmay inaad soo gashaan- I
? Soca, socda, oo ka dheeraada, intaan laydin ballayn ama laydiin
kaaya darin.”
Waxaa markay leedahay waxay akhrinaysaa waxaan la aqoon,
heeso iyo buuqna way iskula hadaaqaysaa.
Ilmihii ayaa iyagoo qaadan la’ waxay sheegeysiyo facaa’illa- deeda, kana baqaya xarxaaradeeda dib isu shubay. Kamay dheer- aane waxay is tubeen irridday ku jirtay iyadoo sidii u haashaarig leh bay irridiiba soo xiratay bukhuuriskeediina hoos ka miistay. Ilmihii oo si walba u yaabban, waxayyeelaan iyo meelay wax kaqabtaanna la’ ayaa isku wareegay. Labo saddex u muuqday inay u waaweyn yihiin ayaa inta is biday damcay Maryan inay wax weydiiyaan. Xaggeedii bay u soo dhaqaaqeen, kulligood iyagoon isu sheegin waxa niyaddooda ku weyn Maryan, in hooyadood dishey maad- aama ay had iyo goorba arki jireen taa, waxaaseayan garanayn waa waxa hooyadood helay iyo meesha looga yimid. Aad iyo aad bay u yaabbanaayeen.
Iyagoo si isu daba luudayo sidii wax Maryan ka naxayana iska dhigaya ayaa la dul yimid. Cabbaar baa iyadoon lala hadlayn layska dul taagnaa. Maruun baa kii u weynaa inta ku soo foorarsaday yiri, “Maryan, waa sidee, maxaa dhacay? Wax ma nooga sheegi kartaa dhibaatada meesha ka dhacday?”

r
Maryan intay yare madaxoo xanuunayey dhaq-dhaqaaquna
dhibayey kor u soo qaadday bay u hollatay inay hadasho. Afku ay
kala qaadeysay maahee waxaa xanuunay dibnihii dildillaacaye
bararku awdey, markasa hadalkii dib uga noqday. Ilmihiina ishay ku
wada dhifteen, sida qoftani u dilan tahay. Madaxay inta gacmaha
wada saareen irridda dibadda ah boobeen.
Maryan meesheedii bay, kama kicine, iska sii yuururtay. Ilmihii
baa qaylo dhaamo waxay ugu tageen habaryartoodoo in cada u
jirtey. Iyagoo yaab iyo oohin la tiicayey gurigeedii u dheceen.
Waxay ka soo dul dhaceen goob inta goglan in muddo ahba, saddex
beri ugu yaraan suxulku laabnaa lacag iyo caleenina ku rafaadsa-
naayeen. Dadka fadhiyey ma yaraynoo waxay ahaayeen tiro ka
saddex iyo saddex, saddexda habaryartood ku jirtey waxay ahaay-
een reer Soomaaliya, ha yeeshee, dibadda lagajiro, saddexda ninna
waxay ahaayeen iska roga dhawaan yimide qaadkiyo lugtu qaali la
ahaayeen.
Kii u horreeyay baa daf soo yiri isagoon waxba hoodi oran.
Maruun buu arkay isagoo bad dhex quusaya, meeluu ama ka noqdo
ama wax ka yiraahdana ka taggan. Indhaha ayuu taagey. La arag
siday inanka yar uga dhabaqday, badibase dadka meesha jooga
waxba xil iskama saarin aan ahayn habaryartiye aad uga naxday
kaddib markay aragtay goob xilkeeda iyo weliba siday ugu yaacsan
tahaye uu ugu yimid.
Intay hadba dhan eegtay oo inankii wejigaba siin kari weydey
bay inay is hagaajiso maagtay waysekadheeraydqof indhawaalaha
isasturi karaysa. Hadal baydiiddey. Habaryartu waxay is weydiisay
waxa baase inta irridda ka furay inanka meesha ku soo kexeeeyey.
May oga in bela kale waddo isaga.
Inankii intuu, isagood mooddo qof sakhrad la ciiraya, tillaab-
ooyin aad u gaagaaban, qabqabow, aadna u qalqalloocan dib u sii
qaaday buu dibadda ku dhacay. Kuwii kaloo dibadda dhoobnaa
ayuu ka dul dhacay, waxba” lama hadline iska sii dhaafay. lyagu
waxay u qaateen in habartood soo socoto oo uu kol hore soo
warsiiyey. Waxba kamay dambeyne, iyagoo iyadii hadba gadaal ka
jeeqaaqaya daymooyin badanna dib u tuurtuuraya, bay iska daba
shubeen.
Mid uun baa intagarabkaqabsaday weydiiyey, “Haye, habaryar
roa soo socotaa?.”

Intuu daymo yaabban daymooday indhahana ku gubey buu isagoon wax hadal ah oran afka u buurey. Kii su’aashageystay arag in wax jiraan, mase yaqaan siday ahayd arrintu, iyo meeshay ka dhabaqsanayd, hadduu su’aale kale ku sii wadana wuuba ka cabsaday.
Intay dhan walba ka dhabaqday bay cir iyo dhulba diidey. Ilmaha iyagoon da’doodu weyneyn ayay haddana u yaabbanaay- een una fakarayeen sidii dad inta waaweyn ay ku dhanaan tahay. Dhafooraday inta qabsadeen derbi aan gurigooda ka dheereyn fariisteen iyagoo abbahood ku sugaya. Goobtaasay isugu wada yimaadeen oo badidoodii falaad carruureed iska galeen intii yare waaweyneyd maahee intii kale.
Saacaddu qofna may sugeyne way iska socotey. Mar dambay duhur tahay baa aabbahood soo muuqday. Waa la wada farxay sidii isagoo waxay tabanayaanoo dhan haddiiba goobtay joogaanku wada siinaya. “Alla waa aabbe, alia waa aabbe, alia waa aabbe, maxaa aabba ah maanta qado ma lehee! Maanta guriga qado ma leh, Makhaayaddaan ka qadeyn doonnaa, cunta la doonaa hadda anaa soo qaadaya, aniga bariis iyo hilib baan maanta cunayaa” bay isku lahaayeen.
Iyagoo sidaa loo hadaaqayoyaa aabbihii yimid, isagoo horayba ugu soo tala galay in wax jiraan, markuu ilmihiiyoo halkaa dhooban arkay. Meeshay fadhiyeen oo derbi gaabani ka dhisnaa hoosna lahayd buu inta soo dhex fariistay yiri, “haye maxaa dhacayoo guriga looga yimid maanta, mise waa la layrsanayaa?”
Hadalkii baa la kala heli waayey. Mid kastaaba dhankiisuu u doonay inuu u jawaabo, yawyow iyo sawaxan bay ka bixi weydey.
“Aabbe aabbe, aabbe, Maryan waa dilan tahay. Hooyo aqalkii bay soo xiratay oo way noo diidday inaan u galo, way isla hadlaysaa cidina lama joogto. Maryan wax ku dhacay ma naqaan.” bay iyagoo kala sugaya lahaayeen.
Odaygii inkastoo laysku buuqayey haddana garey ujeeddada ilmaha iyo waxa meesha ka jiraba. Intuu yare naxay buu yiri “waxaan idin weydiiyey wiilkii yaraa isagu xaggee buu yiil yaase hayey, ma Maryan mise hooyo?”
Wiilkii yaraa markii la yiri baa lays wada dhugtay oo meel lagu sheego la garan waayey, maxaa yeelay, lama arag firaaqo lagu indha-indheeyana loomaba helin. Odaygii oo isagu kafiijignaasina

wax u indha-indhaynayey aya ogaadey. Haddiiba wuxuu isha ku dhuftay Maryan oo maduxu weynaa. Waxba indhaha kuma sii hayne dhan kaluu u rogey. Horay buu u sii tillaabsaday taasoo uu haddana arkay wiilkii yaraaye balanbalsan waxa lagu tilmaamana aan la garanayn.
Inta odaygii soo boodey buu inankii dul yimid, mise far garaar- isa ma lehoo wuuba suuxsan yahay. Inuu dhintay iyo in kale ayuu is yiri kala hubi. Baacugguu ka taabtay mise waa neefsanaynaa. Urka ka soo haadayaa waa wax kale. Hareeruhuu eegay mise waxaa dul tuban ilmaha intoodii kale oo iyana kaba yaabban waxa inanka yar haysta.
Horay Maryan, habarta iyo habaryartii baa uga yaabiyey, had­dana kii yaraa. Aad baa ilmaha gaajo u haysay, meelihii wax lagu karin jirey bay hadba inta daymo-daymoodaan haddana iyagoo niyadda ka gubanaya, cunta la’aanta muuqata darteed, is wada hiifayeen inay af labadii yeeraanna ku siganayeen.
Odaygii intuu isha mariyey ubadkii buu kii ugu weynaa ku yiri, “War inankan sida u dhaan bal aan tii baase dhashay eegee”.
Intaa markuu yirina inta istaagey buu qolkay joogtey aaday.
Inankii inanka loo direy wuxuu ka xishooday inuu xaar yo mantag faraha la galo iyadoy niyaddiisa ku weyn tahay fekradda ah shaqooyinkanoo kale dheddigoodkaa lehoo ragga waa ku ceeb. Faruhuu ka deystay oo isagoo sanka taagaya wuxuu jeclaystay in inan yaree walaashiis ahee meesha taagnayd ay hawshaa gasho. lyadu awal diyaar bay u ahayd, ha yeeshee, markay maqashay in isaga loo xil saaray bay afka buurtey dhan kalena caasha saartay. Aad buu inta u eegay iyadii wuxuu ka sugey inay hawshaa qabato. Garbahay inta nuuxisay cod kajan ahna maqashiisay bayan uga debcin.
Inankii isagoo wax uu yeelo la’ mudda in ahna iskataagnaa, buu markii dambe, ileen iyada waa ka weyn yahay kana xoog badan yahaye damcay inuu inanta xoog kaga shaqaysiiyo, “Naa maxaa dhacayood wiilka wasakhda uga bi’in la’ dahay. Hadda waa inaad shaqo ka qabataa, hadda intaan ku jeedo” buu yiri.

Meeshii ba dharaar cadoo kale noqotay oo inta si fiican laysu arkay indhaha in cabbaara layska daawanayey. Mar uun dambuu inta xaggeedii u soo dhaqaaqay oo u yimi garabka ka taabtay hadalna wuxuu ku yiri, “Haye, hadda, bal iska warran?” Isaga waa ka kajan iyaduna waxay u qaadatay siday jeclayde ay door bideysay.
“Haa haa, nafta uun baa nagu jirta, waxaan sheegno garan mayno, on baa na haya, waxaannuu cabnaaba waa barafuun iyo qaaca geedka khayraysan,” iyadaa waxaas lahayd.
“Naa maqal waligaa ha isu kay badine, waxaan ku weydiiyey wiilkagii yaraa xaggaad ku ogeyd, mase noo! yahay?” Odaygii baa yiri.
lyadoo taa maqlaysa siday ahaydna u garatay bay haddana iyadoo hoos ka naxsan inanka iyo waxa laga sheegayanaqaadan la’ walowba ay dan ama arrin taa iyada uga cuius wadato waxay tiri, “yaah! ma annagad wax na weydiiseen! Dadka nool baa node wax la cabbo ma haysaan? Na waraabsha waannu oommannahayeduco khayrku waa meeshiisa, wallee qof na nacay baan naga guuleysan”.
Isagii arag inay si walba uga muquuranayso, wax uu yeelana garan waa. Intaa uu ag taagnaa waxay hadba dhadhansi, ursasho, iyo dul isaga shubid ku wada barafuunno tiro badanaaye guriga u yiil. Barnaamijkan horay ugu soo talo gashay, saakanafursad bay u heshay.
“Haa, haa, dadka dadkiisa ha loo daayo, haddii kale annana waannu dhoofindoonnaa, wax baannu dhoofin doonnaa”. Waa hadallayday ku been heeseysay.
Markuu arkay inay diiddan tahay wax walba buu isagoo caro foodda ah dib uga soo baxay. Been inay gadayso kamay daahneyne si fiican buu u arkayey. Dhawr kol buu damcay inuu fara saaro haddana wuxuu ku deystay ama is tusey inay ku roonayd qaylo la’aan. Dibadda uu yimidba wuxuu isha ku dhuftay inankii yaraaye weli meeshii cirriqaya. Awalba waa xanaaqsanaaye intuu sii karay buu yiri “Aaway nijaaskaan iri wiilka sida u dhaan! Allaylehe maanta haddaad noolaatid anaan dad ahayn. Wiilkii wiilka loo dirayee meel aan dheerayn fadhiya ayaa kac maagay haddiibase gacan haliil
Inantii oon hadalkiisa dhego u daloola lahayn baa mar kale inta is gundhisay, afka marmaroojsey, iyadoo muuqaal naag mukur dhaanshey oo kale ka baaraysa waxay tiri, “m, m haye, hayeisasoo waal waaba lagugu yaqaane adigu markii hawl lagu diraba Faad- uma madaxa u geli, adeer adoon is waalin shaqadaada qabso, haddaad rabtidna iskaba daa, aniga maxaa iiga shan iyo tobana maanaa la ii dirayoo hadhow laygula xisaabtamayaa”. Hadalkaa markay leedahay waxay ka sii dheeraanaysay goobta lagu mur- mayoo waxay is leedahay waa intaasoo uu inta ku qabto wax kuu geystaa.
Inankii arag in inantii uga baxday shaqadii la rabay, lagamana yaabo sida niyaddiisa ku weyn inuu Xaarfaraha la galoo walaalkiisa yar u miciino. Tan isaga culayska ku haysay waa odaygoo soo noqdoo xaarxaariya. Intuu fekeray buu ugu dambaystii wuxuu door biday xaarxaarada intuu xaar iyo matag faraha la geli lahaa had- howna filkiis oran lahaa carruurtuu xaarka ka guraa sidii gabar adeegto ah.
Waa u dantii moognimiyo dhaqan xumo taasi.
Wiilkii yaraaye weli jidhaantiisii dhex neefneefsanayaa wax u ciidma waa la’aa naf ku jirta iyo mid ka baxday toona ma leh waxaabase taa u dheerayd baahida iyo oonka hayey oohin iyo dhaqdhaqaaqba wuu gabay.
Odaygii waatuu sii dafdaf lahaaye, wuxuu gal maagay qolkii xaasku ku jirey mise waa xiran yahay. Wuu gargaraacay. Dhaqso loogama furin. Garaacii buu ku celceliyey mar dambaa irriddii la furay. Maduxuu soo geli maagay mise udugga iyo barafuunka ka soo boodayaa waa wax kale. Dariishaduhu way xiranaayeen, daah- yaduna way sii wada deysanaayeen. Aad baa qolku mugdi u ahaa. Qofkii qorrax ka yimaadaana uuna wax ka arkayn. Odaygii isagoon halla u jeedin barafuunkii iyo qaacii fooxay shideyseyna aad inta madixiisa u galeen uuba dawakhsan yahay buu soo galay. Haahaa- bashiyo tukub buu ku soo galay. Wax iftiin ah wuxuu arkayey dhuxulo dabqaad ku jiree meelaan ka dheerayn yaal. Wax maqal ah wuxuu maqlayey hunu-hunnu aan la garan karayn, duciyo alia tuugsi, heesiyo gabayo si u hadrayee qof isku buuqsani ku soo celcelinayo. Hadalkii baxayey wuxuu ahaa, “Haa, haa horaan u
arkayey in waxaba jinni dhalaye ayan insiba ahayn. Reer kaba weyniyo reer lugo mandiil baa meesha ku fooxsanayee maxaad dooneysaan. Calay ceebbaa hayee yare noo dabcisaan. Maqadaad weydeen, waa sidee miyeydnaan cirka wax ka arag mise cagayd- naan lahayn. Hiyaac, hiyaac, waa reer buraaliyo barake laawayaashii”.
Odaygii baa yaabay oo sinaba u qaadan waayey in waxa had- layaa yihiin xaaskiisii. Mar buu wuxuu ku hamiyey in qof kale la joogo, haddana maqli waayey cid kaloo la jiibisa iyada. Mar buun buu yiri, “Naa waa sidee! Waa maxay adduunyadan dhabaqsane sida kale ahi. Maxaad isu waalwalaysaa nooguna hees beenlaynaysaa!”
lyadii mar alia markay maqashay siduusan ugu garaabayn bay ka sii gadday oo awal meelaha dhow bay ka dhaamineysaye waxay u aroortay xidkaha sare. Intay sidii awr qooqan doobbisey bay in aydinan waxba noo qabin, balse waa meeshaad ka gurtaan. Haddii wax naloo qaban waayey ma annagaa qabsan weyney.
Ma inkira, heehde na inkira annana waa naqaannaa waxaan yeeli lahayne, Biddow soo deg buurtoy dhaqaaq, bariyow fogow, alia, olla, olla buusha buusha, buusha, hiyaac, hiyaac, hiyaac” bay lahayd.
Odaygii oon awal wax arkeyn ayaa markuu cabbaar meel taag- naa waxaa u iftiimay meelodhawr ahee if ka soo galayey guriga. Waxaa marba marka ka dambaysaa soo kordhayey iftiinka marka isaga aragtidiisa loo eego. Intuu madax ruxay sinabana u qaadan waayey waxyaalaha meesha ka dhacaya buu fekeray. Wuu ogaa saaka markuu ka tagey siday arrini ahayd iyo wixii dhacayba. Mase uu garan meesha sartu ka qurmayso. Wuxuu ahaa nin moog in meesha sartu ka qurmaysaa ay ahayd tuhun isaga la tuhunsanaaye lagu tuhmayo luga fidsi iyo guur kale, dabadeed, si taa looga soo hor ka laabto indhawaba loo baarayeyy marmarsiino. Teeda kale waxaa jirta in iyana ay ka muquursaneyso dilidday Maryan dishey oy is leedahay ha lagu yiraahdo qoftani waa qof jirran. Waa lays moogaa.
Odaygu waa war moog, danibase way u run sheegi doontaa markii runi run geydo.

ahee dab ka karayaa dhab siisay. Aabbihii gacntuu ku qabtay maahee tii kaluu il iyo foolkeed qaaday odaygu muu ahaynn nin itaal yar, dharbaaxaduu dharbaaxayeyna wax xoog ahoo uu ula haray may jirin. Inankii yaraa markii taasi ku dhacday buu inta is daba maray cagaha dhulka ka qaaday wuxuuna u holladay inuu afka ciidda daro, waxaase soo qabtay gacantii awal haysaye heehaabineysay.
Intaa loogama harine mar kalaa dheg iyo dhaban-kii kale laga siiyey. Ay taasi ku dhacayseyba maahee dhegtii baa qam tiri misna dillaacday. Cir iyo dhul buu midna qaban waayey. Inuu ooyuu maagay, ha yeeshee, neeftii baa inta isku xirtay uu neefsan waayey.
Meesha waxaa dhoobnaa ilmihiiyoo busaaradda iyo baahida ka muuqataa ay wax kaleahaayeen. Inantii baa intaboodda isqaadday waxay ka dul dhacday wiilkii yaraa oo waxba may daahinehaddiiba hagaajisay, way tirtirtay, u qubeysay, biyo iyo caanaba siisay iya- doo dhar cusubna u xiraysa.
Odaygii oy dhan walba uga dhammayd meeluu wax kaqabtana garan la’aa ayaa daymooday inankii awal liitaye inta haddiiba lad- naaday inantii yarayde walaashii ahayd kookoolineyso. Intuu qoslay buu yiri “waxa la yiri: war dhurwaa yaa qaybta ku baray, markaasu yiri isha caale ka laadlaadda, hadda Faadumo kula yaabi- maayo waan ku fahmaye”.
Intuu istaagay buu cabbaar madaxa hoogaamiyey wax uu yeelo iyo meeluu wax ka qabtuu garan waayey. Meesha waa lagu dham- maa iyadoo baahi lala fadhin la’aa walowba Maryan xanuun u dheeraa waxa dadka haysta.
Odaygii wuxuu fekeraba mar dambuu inta xaggii jikada u dha- qaaqay indha-indheeyey weel u cunto ugu doono dadkan ciirsan. Ishuu weelka ku baadi goobayey baa dhannaba u dhaafi weydey wajigii Maryan oon wax lagu tilmaamo la garanayn. Cabbaar mar- kuu ku dul wareegay abuun buu mar dambe is gartay inuu weel doonayey. Arag inaan meelaha weel ka dhaweyn.
Maryan iyadu waxay u qaadatay inuu sidii wiilkiisa u dili doono oo wayba baqday iyadoo is tiri armaa tan wax kale kuu raacaan. Intay isa sii kuustay bay madaxa hoos sii gashatay. Odaygii baa dib

isaga so laabtay, weelna ka doontay meelaha kalee la dhigo. Isagoo digsiyo wada ayuu soo baxay soo inta dhawr ilmihii kaxaystay waxaa cunto laga doonay Makhaayadaha.
Maalinta la qadee cashadiina sidoo kalaa la rabay in loo maam- ulo. Maryan dhibtii ugu weyneyd waxay u timi markay damacday wax cune ilkihii iyo saliilyo roortay ayna waxba ka dhadhamin weydey. lyadoo awalba la hayey haddana looga sii daray bay ka sare kacday jaqaf xoogaa bariisa loogu ridaye hoos yiil, waxayna aaddeyoo fariisatay dhagaxay maantoo dhan ku fadhidaye jikada yiil. Siddeedii bay madaxa hoggaamisay ishana ka mirigsiisay.
Odaygii markuu ilmihii qadeysiiyey buu inta kala seexshay wuxuu aadey ciduhuu yiqiine uu is lahaa talay kaa siin doonaan dhibaatada ku gaartay, waxna way kaala qaban doonaan.
Ma uu weydiin ilmuhu inay habaryartood u tageen iyo dhibtay kala kulmeen. Isagon kaba cabsaday dumaashadii, maadaama uu ogsoon yahay inay ahayd qof duulduul badan lagana yaabo in loo joogo, ayuu aadey cido kaloo qaraabo ah.
‘ Intuu sii maqnaa ayaa reerkii waxaa u soo laabtay haweenay daris la ahayde horay ula socotay in xaasku kacsanaa, kaddib mar­kay maanta aragtay odaygoo qado sidana wax tuhuntey. May timaaddeene odayga bixiddiisay la socotey. Haweeneyda imanay- say waa habar mici gamaar ahee aad isugu mashquulisa hawlaha beenta ah sida Mingiska, wadaaddada iyo aleelaynta. Si bayba ugu nooshahayoo dan dhaqaalaa ka gashay. Hawshay haysay waa iya- doo isku soo dunta soona duufisa dadkay is leedahay waa la hagi karayaa.
“Hoodi, hoodi, war maxaa lasheegay?” Intairriddii horeisasoo taagtey tiri
Wax cida oo meelaha ka dhowaa Maryan baa jirtey. Ilqooreed- day inta ka eegtay waxba may hadline afkeeda haysatay.
Habar baastii oo weli irriddii taagan soona geli la’ maadaama aan hoodeyn la oran, sina u jecel in afadii reerka lahayd inta hood- eyn tiraahdo ay soo gasho, ayay mar labaad ku celisay, “war hoodi, hoodi, mise meesha cidiba ma joogto”.

Islaantii is bukhuurineysay dadka inay la hadasho diiddey ayaa, illeen beladiyo beentay u laab iyo dhego furan tahaye, maqashay hadalka halkay joogteyna ka garatay qofta hadlaysa. Intasoo bood- dey bay qoob iyo qaylo isku soo dartay, “Hooddeyn, hoodeyn, soo gudba, ma khaliifadihii iyo culimadii baa. Alla ilaahow ku maganm sidaasaa la isaga warqabaa oo wax kastoo dhacaba Hawada loogu ogaanayaa! Bal sidee bay bau ku ogaadeen haddaan barako iyo rooxaano wadin, ama aan sooye hawada duulduulayne la socon meel kastoo wax ka dhacayaanba”.
Habartii oo farxad ciiraysa aya orod ku soo gashay. Afadii reerkoo meel dhexe ku sugeysa inta laysu yimid laysku soo boodey oo dhunkashiyo waxaa laga bixi waayey hiih-hiih. “Haye, haye Shariifo, sow lama ladna, soo dhawow, soo fariiso. Adigiyoasxaab- taadiiba ilaa saaka waagu ka baryey waan idin sugayey, inaad imanaysaanna waan iska garanayey, maxaa yeelay, dad lala jiraa tihiinnoon waxba ka daahneyn” baa afadii yiri.
Habartii oo is buufinaysa, illeen way waddaaye, ayaa markay barafuunkii urisay intayan waxba hadal oran daaco iyo caac-caac bilowday si ay ugu sii dhuujiso. “Haah, allow ku magan caku iyo qofaan wax aqoon! Ma wax baa kugu soo kordhay waatano wanaag baa carfayee. Bal warrama, ilmihii ma hurdaan, odaygii mee?
Waxaad war haysid soo daa haddii meeshu firaaqo tahay aynu ka gaarsiinee”.
“Shariifo fariiso aynu shaah ama bun karsannee. Kee baad jeclaan lahayd”? Afadii gurigaa tiri.
“Bunkaa barako badanoo ducadu ku baxdaaye inoo samee, nabigu inuu cabbi jirey miyaadan ogeyn,” habar baastii baa tiri.
Afadii oo ogsoon inaan bun ool in la doono mooyaane baa hadba dhan eegtay oo istiri yaad u dirtaa. Way ogsoonayd Maryan inay meelaha joogto ayanna ka diideyn ha yeeshee, si bay uga madax labaysay. Intay dhan kale ka keentay bay inanteedii toosisay oy tiri “Hooyo, ka kacoo waxaad ii soo gaddaa Bun kuna soo dhaqso”.
Inantii yarayd waxba may daahine lacagtii bay inta la carartay haddiiba la soo boodday.

Odaygii reerku intuusan hadlin ayaa waxaa qosol aad u hoos- eeya oodda ka soo qaaday inan reerku dhalaye meesha taagnaa maantoo dhanna kuurka ugu jirey hooyadii iyo habarta ay u dhaan- san tahay markay wax qaadaa dhigayeene beenta isla qorsheynay- een. Inanku wax uu moog yahay ma leh, waxa ka qosoliyeyna waa runta takhtarku sheegay isaoo weliba ka yaabban sida takhtarku wax u ogyahay, runtu siday tahayna u asiibay.
Odaygii iyo habartii baa qaadan waayey qosolka inanka oo intay indhaha ku wada gubeen jeclaystay inuu aamuso. Habartu maadaama dhan walba looga dhalaaliyey, iyadu wax alia waxay u jeceshay inay baxdo si ay u muudsato hantiday dhaca iyo beenta ku soo xeraysay.
In cabbaar ah baan qof hadlay jirin, dhiillada, tuhumada meesha ka aloosantayna ahayd mid qiyaas beeshay. Odaygii reerku wax tuhun, meel uu wax ka bilaabana waa garan la’aa. Takhtarka waxay uga dhammayd inuu baxo. Habar baastuna kabeheeday illanayd. Inankayari inuu hadlanawaa rabey waxaynaugabadnayd inuu iyago kaligood ah aabbihii u xog warramo. Afada reerku iya- doo sidii beentii u miisaysa bay haddana hoos ka huraysey, kana walaacsanayd oy is lahayd waa maxay beelaayadn agtaada soo joogsataye dantaad lahayd dullimaadka ku ahi.
Wax qof hadalka bilaaba la sugaba, mar uun baaTakhtarkii, ka dib markuu arkay in ninka reerka lihi yare gubanayo, iska dha- qaaqay isagoon wax hadal ah oran, ha yeeshee madaxa ka salaam- aya dadkii goobtaa dhobnaa gaar ahaan Odayga.
Irridda uu ka soo baxayey maahee waxaa ka daba boodey Odaygii reerka. Gacantuu inta soo qabtay yiri, “Takhtar, maad si fiican iigu warrantid haddaad nin xog ogaal ah tahay.” Odayga si kalaaba loo galayoo waxaa ku weyn arrin kaloo aan meesha ool sida masayr iyo isagoo u qaatay takhtarku inuu afadiisa iyo habartaba aad u yaqaan.
Takhtarkii baa inta istaagay, isagoon wax xaq dhawr ah u muujin, Odaygii wuxuu ku yiri, “Oo waxaan ku weydiiyey, adigu goormaad wax garataa! Sidaan wax kuugu sheegay si ka tifaf tirane aan wax kuugu sheegi karaa ma jirtee waa sidee”.
Meeshii baa inta laga laacay wixii la cabbi lahaa xan iyo beens- heeg la galay. “Waxaan u malaynayaa ciidamaa kugu soo kordhaye bal warran?” Habartii baa tiri.
“Haayoo laygu so koror belaayaduna iigama horreyn gabar | xunoo ii adeegi jirtayoo aan saaka fara saaray. Si kastabase arrintu ha ahatee waataynu wax isla ogeyne sidee baan waxyeelaa. Maanta anigu marmarsiino aad meel mar u ah baa gacanta iigu jirta. Aan kuu sheegee saakaa waxaan diley dhoocishii xumayde baadida ahayd markaan dileyna si baan uga naxay taasoo aan u macneeyey ‘ in laygaga diday, ilaa markaasna laygu gaalliseyneyey isaga run baan uga dhigay walowba uu si u diiddanaa, waxaana hubaal ah inuu cid iigu maqan yahay ama waxa takhaatiirta la yiraahdo ha | ahaadeen ama ciidamo kaloo uu is yiraahdo ha la hadleene. Kol dhow wuu imanayaa. Nasiibse waxan ku ieyahay inaan adiga ku arkay ka hor intuunan cid iila iman. Talo waa sidaase maxaynnu yeeleynaa?” Afadii baa tiri.;
“Anigu hadda waan kaa tagayaa si aan laysugu keen arag, adna waxaad yeeleysaa waa inaad sidaa iyo si ka sii daran u miistid ood maankaba isaga qaaddid ilaa uu kaa tumo sidaynu dooneynana inoo noqoto. Maxaa yeelay, haddii uu taa ka gaabsado waxaa inoo cad inuu naagaha kalee rooxaantu sheegtay uu qabo adna iska kaa nacay. Maantaad haysaaye ha ka noqon. Markaad is waaleysid dhoocisha xun ku sanifo cayri si run looga sii dhigo arrinta. Had- dana waxaad keeni kareysid keen khaliifaddii baan isla galabtaba aadayaa oo, arrintadana la sii socodsiinayaaye, si hadhow haddii loo yimaado ay jawaab hawlahaaga ugu hesho”, hadalkaa waxaa afuuftay habar baastii reerka ku gaalliseyneysay.
Afadii reerkaa inta kacday waxay furtay armaajo ku dhaweyd oo lacag isku duuban madmadowna u badan ka soo dhufatay. Waxba may tirine siday ahayd bay farta uga saartay habartii wax u quraameysay. Lacagtu ma yarayn iyagaana tay siinayso uga baahi badnaa. Carruurtay dhashaye markaa aan ka dheerayni aad bay u baahi iyo dayac kaleba qabeen.
Habartii oo niyadda aad uga faraxday baa iyana ma tirin lacag- tiye inta haddiiba hoosta gashatay quraankeedii beenta ahaa sii wadatay, “Allaahu masalli wasalli caleeh. waa hubaal inaad shafec-
sandoontid, qofkii sidaa khaliifadaha iyo diinta wax u taraa khayr iy janno ma waayo, barakadunagondihiisay hadiyogoorbaharsataa.”
Intay waxaa akhrinayso hoos bay haddana ka xisaabtamaysaa oo waxay is leedahay booyaalow lacagtani waa immisa kolleyba ma yareee, meeqaadse khaliifadda u geyn doontaa. Maxaase kaa gal£y kolley ka soo dhalaalisaye.
Intiiba waxa yimid irriddana ka soo sharqamiyey Odeygii reer- koo takhtar wada. Mar alia markay sharqanta maqleen oy hubiyeen in laysu yimid baa afadii reerkuna is gagabisay oo intay afweynta goosatay sariirta isku ururisay iyadoo neeftuurka iyo hiinraagga ka baxaya aad mooddo qof naftu mar dhow deyn doonto, tii kalee baasina intay lacagtay ku mashquulsanayd meel lama arkaan ah ku sii hubsatay madaxa waxay qabatay afadii. Been aad u qurux badan baa si deg deg ah haddiiba loo rakibay. Iyadoo aad diyaar loogu yahay kol horena lays meeleeyey ayaa waxaa soo galay odaygii iyo takhtarkii. Indhaha ayaa laysla wada raacay bal in lays aqoonsado ama lays aqoonsan waayo. Afaduse kama qayb galinoo wayba madax duubnayd indhahana way jilladeysay.
Takhtarkii ayaa wuxuu fahmay in habarta meeshataagani ayan mid khayr qabta ahayn maxaa yeelay horay ayuu u soo arki jiray beelo badan oy gubteyna wuu u soo taagnaa. Intiiba waxaa u dhaadhacay arrinta meesha taal. Intuu madaxa ruxay afkana mar- maroojiyey oo yare gunuunacaad taah mooddo hoos u guuxay buu waxaba ma joogjoogsane inuu baxo u qalab qaatay.
Ninkii reerka ayaa qaadan waayey oo inta hoos u sii eegay Takhtarkii wuxuu yiri, “Takhtar waa sidee, miyaadan arkayn sida qoftani u xanuunsan tahay, aniguse maxaan kuugu yeeray?”
Takhtarkii oy uga badan tahay inuu baxo si walbana uga qan- cay xaaladda meesha taal baa yiri, “ Qoftan wax xanuun ahoo hayaa ma jiraan, aan ahayn been adiga lagaa gadayee armaan run kuu sheegayoo aad adna dantaada qabsataa. Qoftan waxaa haya waa rooxaan, Mingis, ardooyin, iyo waxyaalo la mid ahoo aan annaga haddaan takhaatiir nahay na khuseyn- Takhtaraddeediina waatan kor taagane kala tasho”.
Intaa markuu leeyahay wuxuu u kadaallinayey inuu toos u baxo.

Odaygii oo dhan u garanaya arrinta, dhan kalena ay kaba qasan tahay baa yiri, “Takhtardabiinfarwaaweyn baa wax loogu dhigaaye maad arrinta ii qaadaa-dhigtid oo dhibaatada iga haysatee gacan iga siisid”.
“Gacan kaa siiyaye, habarta naagta kuu daweyneysaa ha kuu daweyso intaa iyo nabadey”, Takhtarkii intaa markuu yiri buu waxba ma joogjoogsane iska sii dhaqaaqay.
Odaygii waxna garey, walina si buu isugu murugsanaa. Goobtii buu muddo taagnaa isagoo hammiyaya aadna ay uga dhabaqsan tahay.
Inankii baa soo baxay, walowba uu awalba albaabka ku nabnaa hadalladii meesha ka dhacayeyna uu maqlayey, o aabbihii isasoo ag taagey. Arag inay aabbihii ka dhaqabsan tahay, isna aad xog ogaal u yahay, inkastoo qoftu hooyadii ahayd nin aad u korranna uusan ahayn. Isagoo walaacsan buu aabbihii isa soo agtaagay wuxuuna u holladay inuu war siiyo. Aabbihii arag in inanka yari hadal maaggan yahay sina uu cabsanayo. Odaygiiyoo ay aad uga dhabaqsan tahay baa inta hadba dhan eegay, yarkiina inuu isku buuqsan yahay ka daahdaahay, qosol been ahna oodda ka soo qaaday yiri, isagoo inanka garabka haya, “haye aabbe, maxaad haysaa, maxaad oran lahayd, ma wax baad aragtay, bal ii warran?”
Yarkii oon weli hadlin aadse ula tiicaya war iyo xog warran baa waxaa irriddii ka soo baxday habartii masiibada ahayde weyned, iyadoo mooddo in la eryayo talaabaduna uga dhan tahay inay cararto. Markay agmaraysay bay si aad u degdegeysa u libiqsatay ishana balaq odaygiyo inankiisii ku siisay. Waxba masii daahine cagahay wax ka sii dayday.
Meeshii waxaa isugu soo haray reerkii guriga lahaa. Inankii oo hadalkii bilaabay, wuxuu yiri, “Aabbe inkasta oo qoftani hooyaday tahay haddana waa beenley khuraafaad iyo huuhhah aaminsan adigana dhibaatiyo qaxar kula dooneysa. Maanta intaad takhtarka ku maqnayd baa guriga waxaa yimid habartaa sii baxaysa iyagoon, i arkayn baan anna u kuur galay oo waxay ku sheekaysanayeen dhegta u dhigay.”

Inankii oo hadalkii wata baa aabbihiiyoo qaadan la’ warkan baylaha ahe aad loogu baahnaa wuxuu yiri, “haye, haye ii warran, waligeyba waan ogaa inaad nin sidaa u war gala tahaye. markaa maxay is yiraah deen?”
Inankii baa haddana yiri, “horta hooyaday waxba ma qabto, maxaa yeelay, awal innaga waa inoo jirraneyd haddana mar alia markay aragtay habartaa bay inta soo booddey barafuun, lacag iyo waxyaalo kaleba siisay, qosolka iyo dhudhuxda ka dhacayseyna carraday ka badnaayeen. Adigay kuu tashanayeen.” Odaygii mar- kuu intaa helayba inta qancay buu go’aan iska gaaray ah: inuusan, ama ha is neefiso ama belaayo ha isku didisee, wax xiriir, talo, waano, daaweyn iyo shawr toona la yeelan ilaa ay iyadu si isu gasho. Intuu inankii madaxa u salaaxay buu yiri, “Aabbe, alia kuma qaade hoo lacagtanoo shaah inoo soo qaad”.
Inankii inta hadalkiisii joojistey oo termuus qaaday buu shaah dooney. Markuu irridda ka sii baxayey buu wuxuu arkay Maryan o ka sidii jikada joogta. Intuu ku soo laabtay oo lacagtii iyotermuuskii isugu dhiibay buu ku yiri, “Naa hoo shaah makhaayadda kala kaalay”.
Maryan oo madax xanuunka hayaa tiro badnaa bararkiina weli saaran yahay baa waxba may diidine shaahii doontay.
Ka hor inayan makhaayaddii tegin bay sii martay islaan reerka la daris ahoo warwaraysan jirtey siday u nooshahay iyo waxyaala- hay damacsanaydna weydweydiin jirtey. Islaantii bay u sheegtay waxa qabsaday iyo dhibaatada haysata haddaba, “Eeddo anigu waa dillahay ilkaa layga ridey, waxani waa barar. Anigu si aan yeelo garan maayo, meelaan aado ma aqaan, aabbahay wax iiga war- geeya garan maayo isagiibaaanaba hubin dhimayaa iyo noolaa; cid ma lihi, ciirsi ma haysto”.
Habartii oo aad u naxday baa Maryan ku tiri ‘‘reerkana isaga sii adadeeg, berri usbataalka aad aynuna iska war qabno, bal waa intaasoo aynnu ciirsi hellaaye”.
Maryan oo ilaa maanta cisbataalka si u illowsaneyd kabana cabsaneysey ayaa dhankaa yididiilo ka gashay. Intay sii baxday bay

shaahii doontay. Meelahaa markay marayso waxaysan ammaan ka helayn ina rag gaar ahaan kuwo da’deeda ahee meelaha ka dhow.
Makhaayaddii bay xagga gadaale inta madaxa ka soo dhiibtay tiri, “Shaah ma yaallaa, termuuskan ii buuxsha, toban koob buu qaadaaye”.
Inan suud iyo uskag la tiicaya ayaa inta soo boodey yiri, “waa sidee ma adoo kalaa shaah loo waayaa, keen bahalka! Oo maxaa dhacay maanta wajigaagu waa cayilan yahaye, ma adaa sidaa u cayilay mise wuxu waa bararoo waad jirran tahay”?
Maryan oo awalba qari is lahayd dhaawaca ka muuqday baa garbasaar ku sheegtay qabtay inta madaxa isugu keentay sidii qof xanaaqsan afka buurtey, intey is dabooli karteyna is dabooshey.
Inankii oo shaahii sidaa inta u keenay yiri, “Naa waa sidee, maxaa ku daaray”. Intaasna kuma deyne, maadaama meeshu cidla cidla ahayd, toos ayuu laabteeda u gacan togaaleeyey isagoo danaynayey laabteeda waxa ka buurbuuran taabashadooda. Maryan may sugine dib ayay u booddey taasoo keentay in termuus- kii la kala weydaarsanayey dhulka galo dabadeedna qarxo.
Maryan baa sidii termuusku u qarxay oo kale u qaraxday naxdin darteed. Madaxey qabsatay wax hadal ahna waxay tiri, “Alla ba’ay”, Ninkii waxaa sababay markuu arkay waxa dhacy ayuu hawl yaraan shaqadiisii dib ugu laabtay. Maryan si ay wax yeeshay garan wey- day. Way tagi weydey illeen meelay aaddo garan maysee, oo joogi weyday illeen meesha wax uma yaalliine, “Xaggaan aadaa, maxaan yeelaa, alia anaa iska ba’ay maxaan u dhashoo la sii abuuray!” Maryan oo nafteeda hiifaysaa hadalladaa tiri. Aad bay u baqday ugana walaacday inay reerkii ku noqoto iyo in kale waxay tallantaba markii dambay iyadoo ka caga-taallaynaysa waxay goosatay inay guri baaskii dib ugu laabato. Waxay is tustay inay marmarsiino ay reerka kaga tagto u noqonaysa hadday tii hore wax ugu daraan, kaddib markay u sheegto in termuuskii oo shaahi ku jiraa jabay.
Gurigii bay timi iyadoo fara maran. Dad dhawr ahoo inankii iyada adeegsady ka mid yahay ayaa sugayey mar alia markay soo gashayba indhahaa lala wada raacay. Waxaa la qaadan waayey faro marraantooda. Waa lays wada eegay. Waxa la hubi waayey meesha

wax ka jiraan. Hoos ayaa layska wad hiifayaa, su’aalo in la weydi- iyaana loo wadadiyaaryahay. Inankii oofahiyiba la’ ayaayiri, “Haye aaway wixii laguu diray mise adna ardooyin iyo mingis baad siisay!”
lyadoo hadalkuba dhib ku yahay oo dhan ka baqaysa dhan kalena afku xanuunayo bay Maryan si qabow baqdinina ku jirto waxay u tiri, “Termuuskii waa jabay. Dhulkuu igaga dhacay isagoo shaahina ku jiro”. Hadalkaa markay leedahay way gariireysay, wad- neheeduna xad dhaaf buu u garaacayey.
“Yaah! waa jabay aa! Dee hadduu jabay aduu kugu jabaye iska dhiib, weliba termuuska oo kaliya maahee shaaha lacagtiisana waa lagaa rabaa, ayan ahayn dushaaday ka go’an yihiin”, inankii oo giir iska kicinaya biriirta wejigiisa ka muuqatanaaad mooddodibi dibi u jicinaya ayaa hadallada geystey.
Maryan oo horay dhibtay reerkan ugala soo kulantay goca- naysa baqdinta haysaana kagaba gariirineyso ayaa hadba dhan eegtay indhahana ka guluc siisay. Wax hadala waxay ka kartay,” Anigu xaggee ka keenayaa wuuba jabaye”. Hadalkaa markay leed­ahay oohin bay qarsanaysaa.
“Qaw qaw, adigu ama is-bihinbihi ama beerka is gooyoo waxa lagaa doonayaa waa termuuskii iyo waxa kalodd garaneysid,” wiilkii baa weli ku haysta.
Hooyadii ayaa soo kacdy oo awal way is jirreyneysaye kaddib markay maqashay warkaa socda xasradi soo qaadday. Dibadday inta isa soo taagtey tiri, “haye, waxa la sheegayaa ma run baa”? Habarta hadalkeeda waxaad mooddey amuuba u ekaa qof maliil ah hadalkii, maxaa yeelay, weli beentiibay gadaysey.
Maryan mar alia markay aragtay afadii oo soo baxday bay cagaha wax ka dayday, maxaa yeelay, way ogsoonayd inayan faraha ka dhoofto. Waxay isa soo agtaagtay baabuur baxayoo aan waqti sidaas ahi u harin. Dadkii badiba way fuushanaayee, hareer- aha waxaa ka taagnaa baabuurka kaarigii, kirishbooygii darawalkii iyo danigii oo lacag ku xisaabtamayey. Maryan waxay aad u ind- ha.indhaysay siday u ogaan lahayd amay u warsan lahayd baab­uurka iyo sidii loo raaci lahaa. Ma ay danaynayn meesha uu ku socdo. Meel kastana ha u socdee haddii la qaado way u raacaysaa duruufta haysatey daraaddeed.

In cabbaar ah markay ku gaaf wareegeysay iyadoo u kuur galaysa dadka baabuurka wataa kuway yihiin bay mar dambe maqashay dadkii baabuurka fuushanaayo ku qaylinaya darawalkii, kaasoy aqoonsatay.
intay isa soo agtaagtay bay tiri; “adeerow i qaad”.
Darawalkii oo aad isugu buuqsan afkana cagaar ka daadanayo ayaa indha galka ka baxsan Maryan ku eegay, hadalna wuxuu ka yiri, “Wallaahay ma fool xumid, ha yeeshee, waad rasan tahay.”
Hadalkaa markuu lahaa yaa waxaa maqlayey kirshboygii oon isagu ka dayrinayn qofta meesha taagan, oo intuu ku soo dha- waaday buu isha ku sii gubey Maryan. Mar dambena yiri, “Haye abbaaye, adigu xaggee rabtey?”
Maryan baa inta ka naxday su’aasha la weydiiyey tiri, “idinku xaggee ku socotaan?” “ah, ah, ah, meeshaan ku soconno had- daadan garanayn maxaad i qaada u leedahay. Annaguse waa ku qaadaynaa haddaad xagga baabuurku u jeedo u socotid,” Kirish- boygii baa yiri. Ma i qaadaysaan, xaggee fuulaa,” Maryan baa tiri “Jaranjaradaa ku fuuloo dhaqso waa la dhaqaaqayaaye,” Kirish- boygii baa yiri.
Maryan oo cagaha ka dhidideysa naxdin iyo xishood kaga yimid baabuur fuulka maanta ku horreeya darti baa jaranjaradii fuushay. Waxay sii socotaba mardambay rakadii sare ee baabuurka u baxday taasoy ugu tagtay dad aad u badanoo ugu muuqday kulligood iyada unay guulayaan geesana wada leh. Maxaa yeelay, baabuurkaa ciriir ahoo qof waliba wuxuu is lahaa yaan lagu sii ciriiriyin. Maryan waxay indha indheysay meelay fariisato mase arag. Dhawr qof oo meel jambi ah salka kula jirtay bay isa soo dul taagtay. lyana dhammaantood sugayeen inay sii dhaafto. Dadka qaar baaba si uga qashaafayey oo is lahaa qoftan wasakhda badane kirishboygu wataa yay ku ag fariisan.
Maryan inkastoo duruuftu ka eexatay oy silic ku barbaartay, taasoo aad iyo aad wax u gaarsiisay dadnimaday lahaan lahayd haddana markay runi run geydo laga yaabee inay hagoogato. Waxay meel aad u ciqaabantaagnaataba mar dambe ayaa baabuur- kii la daaray. Maryan baa dhaliilo iyo naxdinba galeen iyadoo ka

baqday waxa baabuurku falidoono. Way ogsoon tahay marar badanna ishay ka aragtay baabuur meelahaas xaw xaw leh, hase yeeshee, weligeed maalintaas ka hor gudihiisa iyadoo is may korin meelay haysataye jambi ahayd bay aad ugu haliishay iyadoo is leh dhibta iman doonta ka fako.
Baabuurkii baa dhaqaaq bilaabay taasoy kor u booddey kol aala kolkuu hinqaday. Hadal ayan iyadu is oran dheh baa ka soo fakaday, “ala waa dhaqaaqay”.
siduu u dhaqaaqay ayuu ugu shubay ilaa uu ka libdhay magaal- adii. Haddiiba wuxuu ka libdhay magaaladii Maryan necbayde lagu dili jirey, welise neef baa Maryan ku taagan ay ka baqayso baab- uurka iyo socodkiisa. Yare nafis ah magaalada ay ka tagtay baa ku dhashay.
Galab ama casar gaab bay ahayd dadka baabuurka fushanina, inkastay badnaayeen baabuurkuna buux dhaafay, waxay wada feeqaaqayeen kana rajo qabeen hurdo iyo meelay caawadaa seex- daan maadaama la guurayn doono.
Maryan inkastoy taa war moog ka ahayd haddana meel mees- hay joogto dhaanta kama dayriseen haddayba heleyso.
Meel gadaale oo qashin iyo oafish laga dhaanshay ayaa waxaa soo kadaloobey wiilkii Maryan baabuurka soo saaray-Kirishboygii, oon isagu siduu meeshaa u soo fuulayba Maryan isha ka qaadin. Waa la fahmi karayey sababta uu ugu dhaygagsanaa. Dadka baab­uurka fuushan badidiisu way u jeedeen horayna way ula socdeen dhaqdhaqaaqii dhacay.
Meesha ama dhulka la marayey waa dhul qarafa ah oo aan aamin ahayn baahuurkuna boodda rablaynayey. Dad horay fadhigu ugu xumaa baa fadhigii u hagaagay saaltadii baabuurka daraaddeed.
Dadka waxaa ku jirey odayaal dhawr ahoo si isu wada reer magaaleynaya. Mid ka mid ah odayadaa ayaa si ugu maqnaa Maryan iyo dhogor xumada ka muuqatay. Wuxuu is weydiiyey inay soo fakatayoo wax ka carartay. Odaygaa Maryan ka shakiyey wuxuu ka mid ahaa odayada magaalada, Maryan wajigeeduna waa

ku yaal walowba uusan soo dhifan tay ahayd iyo meeshay joogi jirtey waxaa odaygaa isaga ah ag fadhiyey oy wada socdeen oday kaloo ay isku meel ku socdaan. Labaduba waa mushtar aan sidaa u sii taagganayn. Kii hore wax u eegayey baa kii kale intagundhiyey si faq ah wuxuu u yiri, “war dhoocishaan magaalada ka fakanaysa ma aragtaa?”
Kii kaloon sidaa wax u danayneyn baa inta is dhagooleeyey mar dambe yiri, “maad inaka deysid hawlahaas aan danta inoo ahayn, ma naagaha maanta joogaa meelay u socdaan iyo arrimahooda loo galaa”.
“Allow ku magan! Naag haddaan la danayn ma wax kaloo la daneeyaa jiral, anigase maad su’aasha sidaan ku weydiiyey iigaga jawaabtid, intaad goof-oodeysid. Qoftani la mid ma aha naagahaad ka hadlayside bal u fiira yeelo. Waa qof baqsan didsan rasan ama dani ha u run sheegto ama dan ha lahaatee aniguse waxaan u malaynayaa inay qof carar ah tahay, wajigeedana waa igu yaallaa oo marar badan baan arkay,” kii hore su’aasha u geystay baa yiri.
Kii hadalku u dhacayey ayaa sidii qof daallan inta u neef-tuuray isagoo hadalladaa nacsan dhan kale isu gundhiyey inuu hadlana kaba masuugay. Micna darray la ahayd inuu hadlaba, maxaa yeelay waxaan deeqin doodda saaxiibkii meesha keenay.
Ninkii lagu diidey hadalka ayaa isna deystey hadalkii, wuxuus- anse deyn inuu Maryan u fiiro lahaado.
Baabuurkii weli waa duulayey, dadkii saaraana sidii bay u lul- mayeen. Qorraxdii marba marka ka dambaysay way sii ciiraysay.
Maryan meeshii bay weli taagneyd dabayl xun oo xagaa baa dhacaysay, baabuurkuna waaba ka hor jeeday. Iyadoo sidaa ahayd ayaa Maryan ayan hu’ u lahayn. Calaladii jeejeexnaayeay qabteyna bilifbilifta hayaan. Waxaa hadba kor uga boodayey timo aad u dheeraa ay lahayd waxay ku xirtana u la’ayd. Gacmahay la kala gaari weydey, mar timahay ku booddaa mar tafihii kaloo jeexjeex- naa bay hadba mid qabataa iyadoo weliba inay dhacdo ka baqaysoo hadba dhig raacaysa. Meela badanoo jirkeeda ah haweenkana cawro u ah bay u la’ayd hu’ ay ku asturto arrad daraaddii.

Wiilkii baabuurka soo saaray arag in xaajadu si kale tahay aadna ay ugu adkaan doonto dantuu Maryan ka lahaa. Wuxuu ku taiiamay; lacag ma weydiisaa iyo haddaad weydiiso kuwa hadda kookoolinayaa kolley ka bixin doonee maxaad isaga sii didinaysaa.
Qorraxdii baa dhacday, aaskiina waa madoobaaday. Baabuur- kii sidii buu u shubmayey, dariiquna waa qarfihiisii boorku u dheeraa. Raaxo daayoo in laga daataa aad looga digtoonaa. Wax madax laysla dhaco oo cuucdiyo caaddu kartaba gooray saacad dambe tahay baa meet tuulo ah la yimid. Haddiiba Kirishboygii baa ka hor intuunan hawshuu lahaayee ahayd baabuur fiir fiirin gudan intuu soo orday cunto ula soo cararay Maryan. Wuxuu islahaa: yaan lagaa qaadine meelayso hana lagaaga xishoodo. Wuxuu moogaa in lala socdo dantuu leeyahayna lala garanayey. Dadka baabuurka fuushan intooda badane waayeelka ahi taa way ka horjeedeen. Walowba dhallinyaro badanina meelaha dhoobnayd arrintana dhanka kirishboyga ka arkayeen, balse waa dhankay cuskataa talo.
Kala faq iyo is ilaalin baa bilowday. Darawalkii baa wuxuu isna ku biiray qoladii yaryarayde in la dhacay qabtey. Inkastoy habeen ahayd haddana dadkii labuu u qaybsamay. Habartii baa horjooge u noqotay Maryan. Meel kastoo la joogana agteeda kama dheer- aaneyn. Odaygii isna dhankiisu isula rabey wuxuuna isu haystay nin wax taray.
Maryan iyadu xagga habartay isu badineysay walowba ayan illowsaneyn nimankii baabuurka soo saaray iyo odaygii go’a siiyey.
Kaftan baa ka dhex furmay dadkii baabuurka wada fuusha- naaye arrinta Maryan kooxiba dhanka kaarkeysay. Hadallo hoos ka tuur ah iyo dibindaabyo cay hoosaad ah baa bilowday. Kirishboygii oo sida lagu wada yaqaan dadka baabuurta ka shaqeeya aan xis- hoonayna af xumaduna caado u tahay baa mardambefurmay, “war ninyohow dadkuba waa is dhaamaaye habar xunee meeshay wax u dabayso la yaqaani ha ku dhacdaa kuugu daran. Waa la yaqaan dantay ka leedahay iyo meeshay is leedahay wax mari, maxayse kougu taal wallaanan sidaa ku harayne. Wax kale haddaan waayo lacag baanan waayeyn. Dhoocil xunee iyaba daahuun ahi sidaa ha kaaga gashato mid aan yeelayo mahee maxaad ka eegi! Wallee ama Qoroftaan kaaga dhigi ama lacag baad soo socon”.
Odaygii baa inta isha ku sii gubey iskula hadlay, “Wallee qurux u dhalatay waqtigaa ku haya mooyaane”. Intiiba intuu ka naxay waxa Maryan haysta buu yiri, isagoo dadweynaha baabuurka fuus- han hadalka dhex dhigaya “War miyeydaan dad naxaya ama dad- nimo haba yaraatee ku duugan tahay ahayn, maxaad inanta yaree agtiinna balanbalaysa wax u tari la’ dihiin.” Inantiiibana go’ uu huwanaa buu inta u soo tuuray buu yiri, “Naa bal isku qabo wax kale ma haynee”.
Dadkii intii badnayde dhallinyarada ahayd lab iyo dheddig baa si kale taa u qaatay intay is wada eegeen oo afka wada buureen laysuna wada iljabshay baa isku mar la wada yiri, “Haaha, bal isku qabo,” wax kalena lama sii orane intaasaa hadalkii lagu deystey.
Maryan way garatay dulucda huuhaada. Way xishootay oo waxay ka gaabsatay go’ii loo soo tuuray inay qabsato, walowba uu dusheeda badiba ku dhacay. Intay aad u yaxyaxday oo hadba dhan eegtay bay iyadood mooddo in belaayosoo ag-dhoobatay gacanna u fidin weydey xishood daraaddii. Dhaxan baa haysaye naxdintay naxday darteed ayaa dhidib qooyey.
Odaygii waxtar is yiri naftiisa la gal dhallinyaradana ka baq. Habar baase inta soo booddey tiri, “Allow doqoney ha kuu naxari- isan, naa qabso go’a oo isku qabo waad u baahan tahaye; maxaa kaa galay yawgan huuhaadooda, haddayse iyagu dad yihiin may wax ku taraan intay heesayaan! Waxba ha maqal warkoodee qabso go’oo halkanna soo fariiso”.
Maryan oo aad geesinimo gelin dheraada uga heshay hadalka habarta baa go’ii boobtay kaddibna waxay isku soo qaadday habarta agteedii. Meelay salka dhigto, inkastoy ciriir ahayd, bay heshay. Naftii ba ku soo noqotay dhaawacii horese mid baa ugu darsamay ah dabayl aad u gashay. Inay aad u dhaxamootay bay gariiraysay indhahana biya da’ayey.
Wax hadala lagama hayo oo mar way xishoonaysaa mar kalena afkeeda jajaban oo dhaawaca bararka lehe wejigeeda ku yaal bay qarsanaysaa. lyada waxay ula muuqdeen ceeb iyo fadeexad dadku ku caayayo.

Buuqii iyo caydii baa dentay. Dadkiina wuxuu u batay wax ama hurda ama lulmaysan. Guurihii baa dheeraaday mar dambaa meel cidla inta la joogsaday, darawalkiina hurdo dhag yiri. Dadkii hore u seexan waayeyna mar dambe iska seexdaan.
Waagii beri lana xaaxaabsey. Habartii oon ka sidii warsan Maryan meeshay rabto baa tiri “Adigu Magacaa?”.
Maryan baa ka maagtay hadalkii waxay sheegtana garan wey- dey. Habartiina way fahamtay dhibta Maryan haysata iyo inay tahay qof iska jahawareersan. Intay madaxa ruxday oo ilka caddaysay bay tiri, “micna ma lehoo horaan marar badan u arkay kuwo sidaadoo kale intay dhegta uun ka maqleen waa la safraa iyagoon ujeeddo lahayn meelahaa waraabayaashu ku cuneen hadhowna la arkay iyagoo biyaha iyo baasiinka isku daraya, balse waaadna meeshaad qof cusuboo qurux u dhalatay baad tahaye is dhigtaa.”.
“Eeddo runtaa weeyoo dhibaataa I haysa. Waqtigaa i wada ee meelaan ka imid iyo meelaan u socdo toona garanmaayo. Aad bay iiga qasan tahay aniguna iskama qasina waa duruufta waxa sidaa ii galay. Anigu waxaan u socdaa meel alia meeshii i ceshata,” Maryan baa tiri.
“Waa ku gartay, hadalkaagana waxaa ka marag kacaya muuq- aalkaaga. Anigu Xamar baan u socdaa haddaad i raacaysidna waan ku wadayaa ilaa Xamar, midaan wax ka qabana ma aha haddaad in muddo aan badnayne Xamar aan joogi rabo ila jogeysid, inteediina meelo daydayanaysid”, Habartii oo belo iska dhigaysa baa tiri.
Maryan oo mar ku faraxday Xamar tegiddiisa, mar kalena habarta hadal wanaageeda ayaa tiri, “Alla eeddo waxba kama qabo sidaa, waadna ku mahadsan tahay.”.
— IV —
Inkastoy mudda aan yarayn ku qaadatay baabuurkii iyo dadkii la socdeyba Xamar imaatinkiisii goor dambay ahayd markay bid- haansadeen, goor habeen baray tahay kaahii Xamar. Markaa waxay Marayeen dariiq laami ahoo halow ah. Maxaa yeelay caasimaddii baa dhow waana mid caadi u ah in dawladaha soo korayaa weli- Qoodba cammiraan caasimadaha iyo agagaarkooda. Kaaha baxay
Goor dambay ahayd guurana lagu jiro markasidaa kirishboygu u duryamayo ha yeeshee, dadka qaar maqlayo ujeeddadiisna si fiican loo garanayo, walowba dadka intiisa badani iska hurdeen.
Habartii si fiicab bay u maqashay wiilka hadalkiisa. Intay Mary- anoo agteeda luqma-laaban jugsiisay si ay u dareensiiso dhaarta iyada u dhacaysa bay inta qosol been laysay tiri, “Bal dhaarataye waa waxaad ka gurtaa. Maxaadse tari karaysaa waxyohow usgagga badani! Lacag hadaad rabtid waa lagu siin wax kalena ma samayn kareysid!”.
Maryan inkastoo jug la siiyey haddana may kicin. Aad bay u daallanayd, meeshay ku jirteyna meet ammaan ah bay ahayd.
Kirishboygii baa marmarsiino u helay cayduu habartu la rabey, “Eeyaa waad is aragtaayoo adiga lagaa dhammaysaye maad iska nasatid, mise mid alia iimaanka ka qaadayoo horay loo soo nacay baad yaraantaadii ahaan jirtay?”
Intaa markuu marinayo farina ayan ka qodnayn cayduu rabo baa Odaygii yiri, “Waar waa sidee, miyaadan xishooneyn af xumi- daa, bal eeg qoftaad caayeysid! Waar naga aamus afku ku go’ye!”.
“Oday adiga naftaada wax baa kaa hadlinayee maad caddaysa- tid. Waa naqaan adoo kaloo meel cidla ah ku xiiqa hadhowna ceeb iyo cay faraha dara,” Kirishboygii baa yiri.
Habartii, “Afkaygow buus. War isaga aamus, waa carruur oo caqli baan jirine,” bay tiri.
“Marag baan kaaga ahay”, Odaygii baa yiri.
Danigii baabuurka oo waxoo dhan la socdey baa inta mara uu huwanaa boorkana isaga awdayey iska rogay isagoo si u kulul yiri, “waryaa maqal, wad af xuntahaye dadka sharafta lehe baabuurka fuushan ka daa af xumada haddii kale adaa harayee ogsoonow!”.
Kirishboygii oon ogsooneyn Danigu inuu meesha joogo, shir- kana ku maleynayey baa naxay markuu hadalkii maqlayjubuq dam- bena laga waayey.

Habartii iyo Maryan baa barbar isu taagay, qofba waxbaa u darane waxay Maryan aad ula yaabbanayd magaalada weynan- keeda, nal badnaanteeda, baabuur badnaanteeda, gaarahaan kuwa yaryare ayan weligeed horey u arage meelaha dusmeynayey. Mar­kii mid meelaan u dhaweyn soo marba habartay inta dhanka kale ka marto qabsataa.
Maryan oo aad kirishboygii ugu ciil qabo ayaa waxay sii raac- day habartii. Go’ii weli way huwaneyd, odaygiina mana ilaawin meel uu wax ka yiraahdana ma joogo. lyadu waxay isaga qaadatay in lagu sadaqaystay.
In cada markay sii lugeynayeen bay tagsi habartii la hadashay “Soo fuula”, ayaa tagsiilihii yiri. Habartii baa intaalbaabka hore iska furtay iyadoon waxba Maryan hagin waxna u tilmaamin iska fariisa- tay, maadaama ay aad u daallanayd qof da’ joogtana ahayd, tagsi- iluhuna waa war moog Maryan hagin waxna u tilmaamin iska fariisatay, maadaama ay aad u daallanayd qof da’ joogtana ahayd, tagsiiluhuna waa war moog Maryan wax ay ka garanayso ma leh baabuurtan dhadhabacaadsane dadku hulhuulanayo. Horay waatay habarta isaga daba socotaye alia markay habartii gashay oysan weli xiran bay horta u hollatay inay iyana baabuurka meesha habartu gashay ka gasho, haddana garamba weydey si loo galiyo qaabkiisaba. Markii horay u hollatay inay gashay horta lawga ku diirtay jambiga baabuurka. Waxa maskaxdeeda isku mar isugu yimid farqiga u dhexeeya kay markaa ka soo degtey iyo kan.
Maryan iyadoo sidii u yaabban si ay wax tiraahdana garan la’ tagsiiluhuna hoos ka haaraamayo is leeyahay naagta baas maxay baabuurka u soo fuuli weydey ayaa habartii wax fahamtay oo inta sidii qof baraarugey kor u soo booddey waxay tiri, “Alla, war inanta albaabka ka fur una sheeg siday u soo fuuli lahayd ma taqaan dhaqan magaaleedkane”. v
Tagsiilihii baa inta kajan u qaatay si caadi ah albaabkii u furay isagoo aan riixin. Maryan intay isku soo qaadday albaabkii laga sharqamiyey xaggiisii bay law kusii qaadday ilaa uu haddana xir- may. Maryan aragtay in meelo sharqamayaan irridda ama ha fur- mayo ama ka xirmayee mase ay kala aqoon mid xiridda iyo mid furidtoonna.
mayo ama ha xirmayee mase ay kala aqoon mid xiridda iyo mid furidtoonna.
waa mid aan yarayn, xitaa uu aad u ifiyey daruuro guud yaacayey Xamar. Dadkii horay u yiqiin kama hayso. Waxay iyada la ahadoo keliya dayax inta khaldamay meelahaas daalaa-dhacaya iyo iyadoo inta dayowdey mala beena tumaysa.
Qof ka mida dadka baabuurka saaraa baa inta iska yeeray yiri, “Allaylehe waa Xamar, caadkeeda ley, waligeedba waa lagu yiqiin sharaftiyo shacniga. Dhaaxaba soo soconnaye alia mana nabad keenay.”
Maryan oo hadalladaa maqashay ilaa iyo markaas aan magaalo u jeedin baa yaabtay. Waxay tiraahdana garan weydey. Si laab furraan dheeraad ahi ku jirto bay isugu mashquulisay inay Xamarta la sheegayo aragto. Waxay hadba hummaagsato geedaha waaw- eyne xiinka lagu dhaafayey. Dhawr kol bay meelo nalal ka baxayeen oo aan dhawr guri ka bad nayn intay aragtay istiri waaba tan Xamar-
tii la sheegayey, haddana waa la dhaafaa iyadoo baabuurku si
xun u shubmayo.
Sidii Maryan iyadoo u yaabban dhegaha iyo indhahanasi cuius u shaqo galisey, inkastoy aad uga xishooneysey inay dadka weydi- iso Xamarta la sheegayaa meelay tahay, baa ugu dambayn markii dambe waxaa la soo galay meesha u dacaleyey Xamar, taasoo iftiin Maryan ka yaabiyey meel kasta oodda ka soo jabsaday. lyadoon is ogeyn bay inta kor u booddey si lama filaan ah waxay u tiri, “Alla waa Xamar!’”.
Habartii baa inta hoos u gundhisay tiri, “Haye, iska fariiso Xamar wuxuu yahayba waad arki doontaaye”.
Maryan oo mar naxday sida hadalku uga soo dhacay mar kalena habarta waanadeeda yeeleysa baa hoos inta isu soo gaab- isay meesheedii ciriirka badnayd soo gashay.
Baabuurkii wuxuu sii dusaba mar dambuu meel ciid, boor iyo qashina badan isku soo.kala fireeyey taasoo inta daraawalkii damiyey ka boodey dadkiina lu amray inay degdeg uga daataan si uu qaad ugu doonto. Dhagac baa laga yiri oo qof waliba inta xafash- kiisa urursaday magaaladiisa dhan ka galay.

Tagsiilihii baa shakiyey oo is yiri, malaha waxa habartu sheeg- aysaa dhab ah. Wuxuu sii jalleecay Maryan mise iyadooo intii qof yaabo yaabban indhahana taageysa bay iska soo taagan tahay, intuu qoslay oo soo dagey dhankay taagnaydna u soo wareegey buu irridii furay inay fuushana u sheegay.
Irriddii la fur, meesha dadka loogu talo galay inay fariistaanna Maryan aragtay, ha yeeshee, dhibaato waxay ka joogtey sidii loo gali lahaa. Tagsiilihii oo agtaagan inay gashnasugayasi uu uguxiro ayaa Maryan meel iyada aad iyo aad ula yar isku sii qaadday. Waxay kala heli weydey Madax iyo luguha mid la hor mariyo. Labadaba isku mar bay ku dayday wayse u suura geli weydey? Fooddana waxay dartay irridda dhankeeda sare cagahana dhankeeda hoose. Sidii baloon darbi lagu dhuftay bay dib u soo booddey iyadoo wax gaareen ha yeeshee qarsanaysaa.
Tagsiilihii ayaaqosol ka kacay oo yiri, “War cusub, caawana ma tanaa timid!”.
Intuu isagii galay tusiyey sida inta loo galo loo fariisto. maryan markaasay iyadoon ka dhibaato la’ayn mar labaad madaxa soo gelisey. Aad bay u khajishanayd una baqaysey. Tagsiilihii oo qosol socon la’ baa inta wareegay baabuurkii kaxaystay, meeshey rab- eenna waa u sheegeen.
Dhaqdhaqaaqa tagsiga iyo raaciddiisu waxay aad u cajabiyeen Maryan indha-sarcaad baa u sii kordhayey marba marka ka dam- baysa. Tagsiilihii oo qaadan la’ qoftana badownimadeeda baa mar damboo cabbaar la socdey inta habartii jalleecay yiri, “sidani ma idin ka dhabbaa mise anaad iga gadaysaan?”.
“Saa rabtidba ka dhigoo meelahaas noo jooji”. Habartii baa tiri.
“Ka dhigtaye, gabadhan ma baran karayaa? Waana iga dhabe ogsoonow, maxaa yeelay weligayba waxaan baadigoob ugu jirey qof tanoo kale ah,” Tagsiilihii oo qoslay baa yiri.
“Waa laydin ku yaqaana miskiin aad feylo goysaan dabadeed markaad isku dartaan durfigeeda meelahaas isagatuurtaane adoon waxba cidla ku xiiqin hoo lacagtaada,” habartii oo ku dayeysaa hadaladaa tiri.
Maryan iyada ninka baabuurka raaxada badan watey aad buuba ula hannaansanaa xodxodadiisana kamayba dayriseen. Sida niyaddeeda ku badan, walowba hadallada kulule habartu u dhiibtey dhiilloo geliyeen.
Baabuurkii baa laga degey Maryan sidii iyo ka daran baa dhibi ka raacday degiddiina. Meeshay ku socdeene aad ugu dhoweyd bay u sii tillaabsadeen. Wuxuu ahaa guri habarta saaxiibaddeed leed- ahay oy magaalada kaga soo degto. Irridday ka soo galayeen maahe waa laga hor yimid. habartii garwadeenka ahayd baa habar kaloo albaabka furtay ku soo booddey, “Alla waa saaxiibtay, Xali- imo iska warran ? Alla ma ku nabad keenay”?.
“Nabad Faaduma ee bal idinkuna iska warrama”, Xaliimo oo daallan siina gudbeysaa tiri,
“Waa nabad iyo ladnaane soo gudba”, Faadumaa tiri: Maryan iyada cid salaantay ma jirin. Meeshii loo nuuxsadaba habar Xali- imay iska daba geleysaa. Welina waxaa aad ugu weyn baqdintii, fajicii iyo qaladay Xamar ka qaadday. Sidii wax didsan bayna u boodboodeysey.
Waa la fariistay, shaah baa loo kariyey cunto kaloo loo diyaar- iyana hurdaday ka door bidayeen.
“Oo gabadhana yaa inoo dhalay illeen innagu waa is naqaanoo weligeen wax ma aynu dhalin”. Faadumo ayaa tiri.
“Gabadha cid dhashayba la dhal caawase innagay magan inoo tahaye ogsoonow,” Xaliimaa tiri.
“Haa ku gartay, waa gabar Xamar u soo xiistay, dariiqaana isku soo barateen sida muuqata”, Faadumo oo qoslaysa ayaa tiri.
“Haah, allow wax wax na tara hannoo waayin. gabadhan Maryan baa la yiraahdaa waana qoftaad u jeeddide quruxdaa Alla u dhaliyey weliba ay u dheertahay gabarnimada runta ahee dabiiciga. ah. May aha sida gabadhiina reer Xamaree iyagoo kol hore ka guurey gabarnimadii haddana weli laga daba wado. Anigu waxaan aaminsanahay gabarnimadu inay tahayoo keliya meeshaan isla garanayno, haddii meeshaas qardowdo ama laguxad gudbogabar- nimo waa ku deysey,” Xaliimo iyadoo rabtey inay Maryan si aan toos
“Oo hadda waa hubaal in qoftani gabarnimada sidaad adigu u haysatid tahay?” Faadumo tiri: “sidee weeye, ma qof waxayan hubin ku hadaaqdaan kuula ekahay, Waabase i taqaane waa sidee”! Xali- imaa tiri.
Maryan halka waxay ka heshay fekred iyada gacan siin karaysa Awalba way iska maieyneysey in Xamar ahayd meel ka beer sar- raysa meelaha kale, lyadase waxaa wax kasta kaga meelay wax marin doonto iyo sidaarrinteedu isugu luga duwan doonto. Aragtay in habrihii yihiin kuwa inta da’ jooga gablan ah. “Booyaalow, may adigaba ku dhalaan oy ilmo kaa dhigtaan bay iskula hadashay”. lyadu may hadale hadallada habraha uun bay dhuuxaysey.
Faadumaa aad u danaysey Faanka maryan la faaniyey, inkas- toyan sii hadalla hoos bay iska tuseysey danayntaas.
Hadalkii baa inta caadigaa xirmay la wada seeexday. Maryan oo weli go’ii ku duuban baa meel sal I i loo dhigay, habrihiina sariiraa lagu kala seexday. maryan kama dayrineyne way mahadineysey salliga shamiitada yaale aan barkintana lahayn. Dhag baa hurdo iyo daal la yiri.★ Waagii baa beryey. ka hor intaan islaamihii kicin ayaa maryan kacday iyadoo u adkaysan weydey dhawaaqii iyo gariirkii dheeraadka ahaaye magaaladu markay toostay bilowday, meelay aaddo iyo waxay qabatay garan weydey inkastoy kacday hurdadi- ina ka berdeddey meesheedii bay iska luqma.laabnaatay iyadoo isha ka guluc siineysa ilaa habartii guriga lahayd inta toostay sare kacday oo inta dibadda u baxday inan u shaqayneysaye iyadu kol hore quraac samaysay jikadana dhex fadhida u tagtay kuna tiri, “Naa laba qof quraacdood degdeg u samee”.
Dib ayay isaga soo laabtay markay hadalkii u sheegtay. Waa la wada kaakacay. Quraacdii baa loo soo wada fariistay. Intii la cunayey baa si fiican laysu wada eegay. Habartii guriga lahayd waxaa ku sii weynaadey Maryan quruxdeeda inkastoy si ahayd bushintay hoos uga qaniintay.
Xaliimo oo iyadu ah qof mushtar ahoo rabta inay inta degdeg wax u gadato laabato baa mar alia markay quraacdii cuntay inay baxdo isugu alaab duwatey. Waxay is tustay inay Maryan ciidan u kaxaysato haddana badownimadeedii bay xusuusatay ilaa ay ka

baqday oy istiri armayba kugu dhimataa baabuurina meelahaas ku jiirtaa. Inay meesheeda uga tagtay goosatay. Iyadoo boorsadeedii gacanta ku sidata dhaqaaqana u taagan bay tiri: “Faadumo anigu meelihii wax lagu iibin jirey baan soo marmarayaa waana soo qado doonanayaaye inantii ha sii joogto. Qadada haddaad kowda i weyd- aan iska qadeeya. Naa adna reerka la sii shaqee.”
Faaadumoo aad ugu faraxday inanta loo cideeyey dan weyna kaba lahayd baa sidii qof wuxuu rabey si sahlan u helay inta kor u booddey tiri, “haa, waa yahay Xaliimo, aniga naftaydaa mar dhow inaan baxo u baahan.”
Xaliimo irridday ka sii booddey, meeshiina waxaa isugu soo haray Faadumi, maryan iyo inantii kalee adeegeysey.
Faadumo oo sugi la’ayd firaaqaday Maryan u heleyso si ay indhaha uga xanjayso baa waxba ma kaadsane, hadal u soo faru- maystay, oo tiri “Haye inanta cusube, Xamar maanta u yahay meel hor leh! bal ii warran Maryan magacaagu sow ma aha?”.
“Flaa eeddo”, Maryan, oo si uba baqayso ayaa tiri.
‘‘Oo waxan ku weydiiyey waligaa maanta ka horow Xamar ma aadan iman miyaa?” Faadumoo belo iska dhigeyso ayaa waydiisay.
“Maya eeddo, weligay maanta ka horow Xamar ma iman, dhegta uun baan ka maqli jirey”, maryan baa ku jawaab celisay.
“Allow ku magan, waxaan ka xumahay in aad fursad aad u weyn dhumisay, waxbase ma lahoo haddaad gadaal ka soo gaartey,” Faadumo markay intaa tiri bay musqusha aaddey, iyadoo hadalkii u furan yahay meeshii inay ka wadana rabto.
Goobta waxaa joogtey inantii kalee Faadumo u adeegeysey Eeddana ay u ahayd. Inantu waxay fahamtay debinka Eeddadeed Faadumo daadinayso iyo dantay ka leedahay dhan kalena waxay ka masayrsanayd tan baase ku soo korodhay meesha. Gabadha Sagal baa la yiraahdaa waana mid fariida; Habartu intay maqnayd bay Maryan hoos warbixin koobanoo digniina ugu dhiibtey. “Naa maqal, waxaan filayaa inaad garan karaysid dulucda sheekada iyo waxa laguu koolkoolinavo. hadalkii oo dhan is ilaali anoo runta

Maryan iyadaa qof aan waaya-arag ah ahayne horay ka fahmi lahayd shaqada gurigaasi u furnaa kaddib markay aragto gunti- jnooyinka jy0 dacaska tirada ka bataye haddana aan dadkoodii loo jeedin.
Maryan oo far fidin la’waxyaalaha lasiinayana intaka wiswistey taabashadoodaba ka cabsanaysa baa Faadumo aragtay qaadanna weydey xaajadaas. Mudday u sugtey, mise nuuxsiba ha sheegin. Faadumo madaxay inta ruxday oo qamuunyootay tiri, “Allow doqon ha naga dhigin, war waa laxdaaqdaan u malaynayaa miseqallal bay qabtaa.?’
Faadumo inta soo kacday Maryanna kor timi bay madaxa ka taabatay. Maryan baa naxday oo in la dilayo u malaysey, sidii bahalku soo socdana isu adkaysay. Aragtay Maryan inaan dildili jirin, ha yeeshee, jeesjees jiro, waase midaan iyada wax ka dhimayn.
Intiiba waxaa soo galay dhawr gabdhood oo is jajabinaya. Dharka la qabo, sida loo labbisan yahay, boorsooyin siddooyinka dheere aad u yaryare la lalminayo iyo carrabada la lulayaa waaba wax kale.
Waxay dalaq u soo yiraahdeen goobtii maryan iyo Faadumo joogeen. Salaan iyo haahaa been ahee aad u jeedid baa bilowday.
sagat a hoos ka soo dustey oo inta Maryan meelaan eedda- deed ka arkeyn iska tustay u iljabisey, afmaroojis iyo gacmahana tilmaamo ku siisay.
Maryan way fahamtey waxay tahay walowba ayan weli sii ogaan intay dhan isaga rogtey dharkii dusha ka saarra go’ay hawa- neydna isku sii hadoodishey bay Sagal xaggeedii aaddey iyadoo ka baydadsan colka meesha yimid iyo camaaryaleyda sunteeda.
sagal oo awaloo dhanba awaaleysey inay maruun u soo baxdo baa inta garabka qabatey jikadii la gashay. labo goobood baa loo kala jabay. Maryan iyo Sagal iyo Faadumiyo kooxdii cusbayd.
Sheekaa dhan walba u furuntay. Faadumo iyo kuwii meelaha meehannowga ahaa baa fariistay, “Hayee eeddo, soo lama ladna? Maantase maxaa la hayaa? Ayaamahan inta la busaarsadey
faraha kaa saaraya. Waxaan kaaga doonayo ma leh oo tani aniga waa eeddadey aabbahay la dhalatay, ha yeeshee waa afmiins- haarad kabihii Nabiga cuntay waxaan ku noollahayna waa dabak- haad iyo been”, Sagal oo si u baqaysaa tiri.
Faadumaa soo gashay Sagaloo Maryan ku haysata, Maryan oo indhihii soo baxeen dhiilo-xumina wareentay. waxay ku dhowayd inay cagaha wax ka deydo dan baase celineyse. Awal qof faraxsa- noo wixii la weydiiyo u dhug leh bay ahayde, Faadumaa waxay u timi qoftii oo waji kale iyo muuqaal kale leh, sina uba sal ka kacsan.
Faadumo wax bay tuhuntey mase garan in Sagal irbad Maryan ku durtey. sagal intay hoos Maryan ugu iljabisey bay iska baxday.
Faadumo meeshay awal fadhidey bay soo fariisatay iyadoo hadal maaggan iyo inay Maryan tubta ku soo riddo, waxayna “Maryan waxaan ku weydiiyey eeddo dhar miyaadan sidan- ”?T*“Mayee intaa aan qabo waxaan ahaynoo dhara maba lihi laakiin intaan baan iimaanka ku qabaa”, Maryan, oo indhuhu dibadda yihiin baa ku jawaabtay.
Faadumo intay kacday oo armaajo ku dhaweyd furtay bay gun- tiimooyin aad khafiif u ahee ka buuxay soo xantoobisey waxayna ku soo sayrtay Maryan dhabteeda, “Waxaad rabtid ka xuloo iska bed- del calalada xunee uskagga badan. naa Sagal! bal dacas la kaalay, ama iskaba daa halkaana kuwa cusbi yaalliine”, iyadoy faan ka tahay Faadumaa tiri.
Meelaan ka dheerayn bay soo jiiddey mise maxaa dacas ah. Maryan cagteedaa la eegay. Kuway u malaynaysey inay le’eg yihiin bay soo dhufatay oo u soo tuurtay.
Maryan awal cago caddaan waxba ma dhaamin dharkii lagu soo tuuraye barafuunku ka soo hadaayaa wax kaleba ahaa wali far uma fidin, inkastoo uu dhabteeda saaraa dacaskii sidoo kale. Harga waraabaa alia u tuuray. Sidii qof maantoo dhan ordayey ama shaqo aad u adag hayey bay neeftuur ka bixi weydey naxdin iyo baqdin dartood.

Kor baa isku mar loo wada boodey, waxbana lama sugine waxaa toos loo aadey reerkii. Gurigii baa la tegey oo la garaacay.
Habar da’ ah baa ka furtay oo tiri, “Haye maxaa darraa ood dooneyseen”?.
“Eeddo nabad, ciddii gabadha ciidanka ah dooneysey soo idinka ma ahayn”? habartii baa inta faraxday tiri, “Haa maandhe ee ma ciidan baad haysaan, ma idinkaa raba inaad shaqaysaan?”.
“Sagal gudba maandhooyin” Habartii baa tiri, “Waa cidla oo ninkii iyo naagtiiba shaqay aadeen anoo sidaad ii jeeddaanba qof- taa cadka ah baa iska dhex jooga; ninka hooyadi baan ahay. Shaqa waa laydin siinayaa xataa haddaad labadiinnuba rabtaan. Ma mid rabtaa mise labadiinnuba?”.
“Mid naga mid ahaa rabta, haddii taasi idiin bogto asaad qof u baahataan waannu idiin wada shaqayn doonnaa,”. Sagal, baa tiri.
“Haah, gartay, haddaba, waxaad yeeleysaan haddaad rabt- aanna waad ila joogeysaan ilaa ninkii guriga lahaa yimaaddo, haddii kalood wax hawla leedihiinna duhurkii baa noo imaanaysaan”, habartii oo aad ugu faraxsan imaatinka Ciidanka baa tiri.
Maryan iyo Sagal baa is eegay. Madaxaa laysla nuuxshay. . Maryan baa tiri, “Maxaan yeelaa” ★“Maxaan yeellaa waa maxay adigu waad joogeysaa anna waa tagayaa,” Sagal, baa tiri, ★“Waa yahay walaal, laakiin hal ogsoonow inaad goor walba iga soo war- qabtid. Anigubase waa garanayaa gurigiinna inkastoo…” Maryan oo aad u faraxsan baa tiri.
“Taa aniga igu duub nabadeyna. Eeddo gabadhaas baan idiin reebnaye noo hagaajiya. Hadday hagaagto anna waa idiin imana- yaaye ogsoonow,” Sagal baa inta intaa tiri baxday.
Meeshii baa waxaa isugu soo haray habartii iyo Maryan oo aad u faraxsan. lyadoon waxba hadal bilaabin baa waxaa soo noqotey Sagal oo tiri, “Maryan, kaalay bal”.
Maryan baa u timid waxbana may hadline iyadoo waxay oran doonto dhegta la sugaysay is agtaagtey.
adduunyadiina kacday baa si loo noolaado la garan la’ yahay. Wal- laahay inaan maalinka maanta ah haddii kumanaal laguu dhiibo ayan qado kuu goyneyn. Naa wax kasta waxaaba ka daran adduunka suuqa Madow noqdaye, wixii la qaadaba qalloc qalloc doonayo,” hadalladaa iyagoo u wada jira baa waxaa tuurtay gabd- hihi yimid.
“Naa aamusa, haddaad idinku dayrsataan yaa nool baad u malaynaysaan habeen iyo maalin hanti aydinaan tabcan baad futeyneysaan, qaad, khamro, dhaylo, caano, faantaooranji iyo wixii kalood garanaysaane gacan-togaaleyn ama daaca dheeraad ah,” Faadumoo is mashushiiraysaa tiri.
“Eeddo, waa runtaa, iaakiin adna arag sida, sida miyaadan arkayn sida dhalankayagu isu dhaamay,” mid gabdhihii ka mida baa tiri iyadoo hadba saanteeda saree cududda jiidjiideysa.
Mid kalaa iyana intay soo booddey tiri, “Naa buus, maxaad beenta u sheegeysaa, ma adaa hadda ka xun ama ka liita markaad dadnimadiyo tumashada soo gashay, sowdigani inta xuub-siibtey midab ciideedka yeeshay awalna waad ogeydoo jilfaad lahayd”.
Tii hadalku u dhaceyey ayaa may aamusinesoo tafa-xayadatay oo tiri, “Dadow run sheeg, dadow uga qaado. Maxaase adiga wax kaa weydiinayaa sow taan ogahay ma ahid.”
Mid saddexaad oo iyadu aad ugu mashquulsanayd meelo kaloo aan hadallada la wadodaneyneyn baa inta soo kuurkuursatay habar Faadumo u qabatay oo tiri, “Eeddo, naagahan daacdaacaya iska daayoo waxaan ku weydiiyey, ilaa iyo hadda cid timidi ma jirtaa? teeda kale aniga waa inaad kaalinta u horraysa igu dhigtid maanta oonan marnaba gacan marraan. Eebbow mid khayre ama gaal ah ama iska roga waalan”.
Habartii, “Waxba kama qabo anigu taa, ha yeeshee waxaan ka baqayaa inay arrintu xulasha noqoto oy isku qorid ka baxdo. Teeda kale weli wax lama hayoo waa aroor dee. Waynnu sugnaa, waxaana roonaan lahayd in markii la bilowdo saaxiibadahaagani dhuuntaan si ayan kuu fallisin oyan marnaba soo bixin ilaa aad gadmayside si fiican u gacan galaysid,” bay tiri.
“Haa, wallaahay waa runtaayoo waa midda kaliyee meesha ku jjrta. Naa naga dhuunta markii wax soo ceelalyeeshaan, illeen kol- ley idinku wax idin waraabiya waayi meysaanoo mar waad iga dhalin yartihiin marka kalena iga qurux badan tihiine”, tii is gadey- saye mammanayd baa intaa daacday.
Kuwii la faaninayey sina loo kaalin duwayey baa inta is eegay qosol gaabanoo diidmiyo xasdi ku jiro dhag ka siiyey. Hadal way diideen. Indhaha ayuun baa layska wada eegay iyadoo indhaha laysu wada dabayo, dhufayskana la isugu jiro.
Inkastoo dani isu keentay dadkaa badan mid mid bixin lahayd ma jirto. Hoos ayaa layska wada neceb yahay. Faadumo iyadu waxay aad u qaadan la’dahay dhabna u danaynaysaa Maryan. Waxay u rabtaa inay xalqada soo galiso, weliba maadaama ay tahay qof cusube curdan ah waxay dooneysaa inay hanti badan ku hesho, rag magac iyo maal lehna ku callaafadeyso si ay hadhow u maasho meelahay rabtana ugu gaarto.
Sagal oo iyadu, inkastooy qofaan sidaa u da’weyneyn ahayd garashase leh, arrintan meesha taal xog ogaal u ah baa Maryan inta kaxaysatay aad ugu qaadaa-dhigtay waxa meesha lagu hayo. “Naa i maqal, ma rabtey inaad har iyo habeenna niman qaad iyo khamro daaqayaa kugu durduriyaan mise rabtey inaad si sidaa ka duwan u noolaatid. Haddaad rabtid waa inaad inta nala degtid nala noolaatid haddaadse nolol noocaas ka duwan dooneysid hadda isla maan- taba isaga dhoof goob baastan”. Sagal baa waanisay Maryan.
“Alla walaaley adoo mahadsan, waxaan kuu sheegayaa inaan anigu xalay magaaladaba soo galay oonan waxba ka garanayn nolosha lagaga nool yahay carrigan, horayna aanan u ahayn qof ama hanti u lahayd ama aqoon anoo si doora kuugu mahadinaya waanadaa wacneed i siisay haddana bal wax indha-indheeyoo sidee baan wax yeelaa?. Waxaan kuu hubinayaa inaanan dooneyn noloshan,” Maryan oo cabsi iyo yaab isu qabteen baa tiri:-
“Anigu meelaan kuu tilmaami karayaa ma jirto, hadalkaana waxaa iga keenay xumaanta aan halkan ku arkay iyo anoo is iri qoftani waa miskiin aan luggooyada intaa le’ig qaadi karayn. Alla naa bal u kaadi! Reera daris nala ah baa shalay gabar u adeegta doonayaye Allaylehe aan soo fiirsho, ba’ina keenba soo eegnee”, Sagal – baa inta intaa tiri istaagtay.

“I maqal lacagta yaan lagugu gabrine si hadhow haddaad is afgaran weydaan aad ayaamo u nootaan kartid amaad nooliba u heshid waa inaad ka digtoonaatid”, sagal baa tiri.
Maryan baa inta madax ruxday aad ugu riyaaqday waanada iyo wanaagga inanta yare meel looga soo diray aan la garaneyn. Sagalna iyadoo is neefineysa guulahay gaartay dartoodna u muuq- ata qof ku faraxsanoo ku faanaysa bay Maryan garabka inta ka sii dharbaaxday hore u sii dhaqaaqday.
Maryan baa inta ku soo booddey Sagal gacantana soo qabtay tiri, “Alla walaal, aad iyo aad baad u mahadsan tahay.”
“Waxaanna kaa codsanayaa inaynu iska war qabno had iyo goorba, Anigu kolley abaalkaad ii gashay ma gudi karayoo horaa loo yiri: (qof abaal gala waa la arkaa qof gudase lama arko). waxaan saaka ogaaday in garashada iyo xilkasnimadu ayan ku xirrayn da’ weynida ee loo kala dhasho, taasna waxaa tusaale habboon u ah farqiqa adiga intan le’eg iyo eeddaada labaatanka jeer ku dhali karta u dhexeeya. Waxbase yaanan ku daahine waa inoo sidaa, is arag damboo joogta ah iyo abbaye nabadey”.
Maryan baa dib ugu soo laabatay habartii cadka ahayd oo guriga dhex tukubeysey. Waa layska wada fariistay. Saacaddaa ka soo wareegey intii shaqo la’aan ay iska fadhiyeen meeshaa. Goor dambe ay duhur tahay baa irriddii waxaa soo garaacay dhawr ilmo ahoo isku qaylinaya. Habartii inayan kicin baa Maryan kacday oo istiri adaa yaroo duqda ka fudude fur. Way sii orodday oo irriddii inta is agtaagtey damacday fur. Si loo furay garan weydey, maxaa yeelay waa markii ugu horreysey oy la kulantay irrid sidaas u xiran. Horay ulamay kulmin sakatuurada qaabka ah. Waxay taabatay birta isu haysa irriidda iyo derbiga, waxbase way ka hagaagi waayeen.
Ilmihii baa si xun u guraacay irriddii. Maryan markaasay sii naxday iyadoo ka foorarsaneysa aqoon darradeeda iyo sida loo oran doono waa badawad aan waxay ogtahay jirin. Iyadoo naxdin kurbanaysa meeshiina iska taagan oo xataa garan weydey duqada ku noqdo runta u sheeg baa duqdiiyoo u adkaysan weydey garaaca goobtii timid. “Naa heedhe waa sidee, maxaad irrid baasta u furi weydey, mise adaaba mid dhega xirane hadda hawdiyo meel daran laga keenay ah”.

Habartii oo hadalkaa leh baa fag irriddii ka siisay.
Hadal kale intuunan Maryan iyo duqdii dhex marin baa oodda waxaa soo jabsaday ilmihii irridda dhoobnaaye in laga furo sugayey. Qaylo iyo buuq bay la soo galeen. Diifta, buska, uskagga iyo wasakhda ka muuqata ilmuhu waa wax kale, dharka dugsiga dhexay qabaan.* Boorsooyin kakab badan iyo buugaag wada cajillo ah bay wada lulayaan. “Ayeeyo wiilkaana aragta?. Ayeeyo wiilkaa ma aragtaa? Ayeeyo waa beenteed! way edeb daran tahay, iyada i maagtay waa beentoode anigay labadooduba maantoo dhan i maagayeen. Alla waataan kaa khayaameeyey jallaatadii. Heeh, maxaad adiba ku dheeftay sowtaan ciidda kaaga ridey!” waa hadal- laday ilmuhu is weydaarsanayeen.
Maryan markay aragtay in ilmihu reerka yihiin bay aad uga naxday oy istiri: “belaayadan yaryari meelay joogaanba khayr ma qabaan.!”
Intiibana waxaa kaloo iyana yimid ninkii iyo naagtii reerka lahaa oo irridda ku wada kulmay. Mid kastiba dhankiisuu raashin aan bislayn u sidaa. lyadoo laysa salaamayaa la soo wada galay. Ishaa waxaa lagu wada dhuftay Maryan iyadoo niyadda laga wada jeclaystey inay adeegto u noqoto. Ka hor Maryantan u doonnan reerku wuxuu soo maray ugu yaraan lixdan adeegto oo waxay eryaan, wax ka dhuunta iyo waxay isba farahana isula tagaan noq- day, reerku aad bay ugu baahan yihiin.
“Haye hooyo, bal maanta madax wareerkii ka warran?” Ninkii reerkaa yiri intuu habartii u yimid madaxana qabtay.
“Maandhe maanta waa ladnahay. Hase yeeshee ma ogtihiin inaan gabar inoo helay?” Hooyadii baa tiri.
“Alla, allaylehe khayr baad sheegeysaa. Oo magabadhaa jalaq- san baa?” Afadii reerkaa iyana inta qososhay tiri.
“Alla ogoo waa inantan is kala shubaysee gabadha xaafaddaba baraha dheeraysey. Maxaadse kaga daali kolley waa gabar maanta joogtoo gol daloolo laga waayi maayee,” Hooyadii baa tiri.

llmihii markay maqleen inantanaa idiin adeegi doontay kor iyo hoos ka eegeen oo ku soo carereen oo goonyaha iska taageen kuwii ilmaha dhalay sidoo kale, maryan intay khajishey bay indhaha isku qabqabatay. Odaygii reerka oo ah ugaarsade weyn ama dilaa caan ah ayaa fahmey cusaybka ama waaya-aragnima-yaraanta inanta ka muuqata, eegmadiisii ayuu hoos ugu sii dhigay, aadna waxaaba u cajibeyey quruxday u dhalataye qaawan.
“Haye hooyo, ma cid baa kuu keentay mise si kalaad isu af garteen”? Saygii reerka yiri.
“Si kastaba aan isu hellee, qoftani shaqay rabtaaye la heshiiya, halna ogaada waa badowe wax bara. Sida ka muuqata ma aha qof ilbax ah ood sidaa uga baqdaan kolley ayaamaha hore” hooyadii reerkaa tiri.
Hadalladani markay dhacayaan Maryan ma maqlaysoo waxaa lagu jiraa qolka hurdadee reerka.
Waa lays wada eegay Saygii, afadii iyo hooyadii. “Waxaan filayaa inayan sinaba uga fursaneyn shaqo-qoriddeeda”, saygii reerka ayaa yiri.
“Ma xuma, jirto, inaan iska eegnaa habboon, haddaan doonno muddo tijaabo ah baynu siin karraa”, afadii baa tiri”. Qof siday u cusub tahay u cusub magaaladuna ugu hor tahay ma sahlana. Marka inkastoy dhibteeda leedahay haddana iyadaa ka aaminsan kuwa ilbaxaye habeenkiina qayila, maantiina wax kuu macajileya, ee taa ha loo dayma lahaadoo”, Hooyadii reerkaa tiri.
“Ah, ah, ah, hooyo cusaybkeedu wax uu faa’iido leeyahay ma lehoo marka horena innagaa ku dhib qabna illeen waxbaad baray- saa waxay walaaqdee xunna waad u dulqaadanaysaa, mar alia markay wax kala barato oy ilbaxdana markay doontay iska dha- qaaqaysaa. Marka qoftana iska qoranno intii muddo ahna isaga meel gaarno, hadday iyadu qof khayr noqotase waa halkeeda,” Saygii baa tiri.
Afadii reerku iyadoon wax hadala ka dhiiban bay sida saygeedu ku taliyey iyo tusaaluhuna dhiibay ku raacday.
“Bal hadda iyada u yeeroo la heshiiya”. Hooyadii oo sii baxay- saa tiri.

Labadoodii kalee reerka lahaa baa is dhugtey. “Haye maxay kula tahay ugu badnaan in aynu mushahaar u siinno inantan iileen adigaa Wasiirka Dhaqaalaha reerka ahoo bal horta mushahaarku yuu noqon mid mar kaliya inta lagu dhawaaqo dabadeed halkiisa weligiiba fadhiya. Innagoo kaeegeynaqoftani siday ushaqotaqaan iyo geesinimo-galinteeda hadda waxaan ugu bilaabaynaa lixdan shilin, hadday ka soo raysoo aynu u bognana waan u kordhin doonaa.
Mise sidaa kulama aha?” Afadii baa ku jawaabtay.
“Ah, ah, ah, waryaa dumarku isu daranaa! isu xaasidsanaa! oo waxaan ku weydiiyey maxaad ku keentay qof bani’aadam ahoo intaa le’eg shaqadaad garaneysidna qabanaysa, waliba nool waqti- gan aan joognee wax waliba cirka yihiin intaa mushahaar ha u qaato! adigu immisaad qaadataa waadiga habeen iyo maalinba karayee!” Saygii, oo si u qoslayaa yiri.
“Haye, adiguna markaasaad wax aan loo joogin qaadaa- dhigtaa. Lixdan shilin ka badan anna nagama baxdo,” afadii oo si isu gashay baa tiri.
“Waxaan filayaa mama taasi suura gal noqon maysee qorsha- haas wax ka beddel”, Saygii oo is xanaajinayaa yiri.
“Adigu iska daayoo haddaan anigu iyadayeelsiiyo ma waxbaad ka qabtaa?” Afadii oo qosol beenlaynaysaa tiri.
“Anigu waxba kama qabee yeelsii,” Saygii baa yiri.
lyadoo meeshii la joogo baa Maryan loo yeeray, iileen haddaba in adeejis lagu bilaabaa la raabye, way soo gashay. Mise guriga lagu jiraa qurux iyo dhaldhalaal badanaa.
“Haye gabar, magacaa adigu”, Afadii baa waydiisey
“Maryan”, ayey ku jawaabtey
“gartay. Waxaan ku weydiiyey, adigu soo shaqo ma rabin?” Afadii baa tiri.
“Haa”, Maryan baa ka daba tiri.
“Sida wax loo kariyo ma taqaan?” Afadii baa sii weydiisey
“Wax waa aqaan,” Maryan baa ku jawaabtey
“Horay Xamar ma u joogi jirtey?” Afadii baa tiri.

“Maya,” Maryan baa tiri
“Goormaad timid Xamar?” Afadii baa waydiisey
“Xalay”, Maryan baa ku jawaabtay
“Ma xalaydan?” Afadii baa tiri
“Haa,” Maryan baa tiri.
Afadii iyo saygeedii baa inta is eegay qosol aan cod lahayn dhag ka siiyey. Maryanse jirruu qosolkaasi ku beeray iyo iyadoy kusii weynaatey jirradii ahayd qofaan Xamar ku noolayni dad ma ahoo waa badow. Wajigeeda ayay ka soo ifbaxeen khajal iyo xis- hood baqdineed ee xummad wataa, wayna fahmeen xanuunka Maryan haya markaasay haddiiba joojiyeen qosolkii iyo yaabkay muujinayeen.
“Waxaan kaloo weydiiyey Xamar yaad u timid, ma cid baa kuu joogta mise…. ?” Afadii weydiisey.
Maryan baa inta fekertay is tusisay haddaad tiraahdid cid baa ii joogta waa intaa oysan kaa nixine isu sii miskiiniyoo runta u sheeg, oo tiri “maya cidi iima joogto. Anaa iska imid”.
Mar labaad baa lays eegay, eegmadaasoo Maryan u qaadatay in loogu naxariisanayo, dhanka kalaysa ahayd iyo inay debin iyaga ugu jirto.
“Gartay, meeqaad ku shaqaynaysaa. Waxaan u jeedaa lacag meeqaad ★ bishii rabtaa inaad ku shaqaysid? Afadii baa tiri.
Maryan baa naxday markay mushahaar iyo lacag maqashay. Waxay sheegtay garan weydey. Maskaxdeedaa dib u fekertay oo waxay hor keentay lacagahay taqaan: Taano, kumi nushilin, shilin, shan shilin, toban shilin labaatan. Wax labaatan shilin ka badan waligeed faraha ma saarin. Hadba dhan bay eegtay. waxaa kaloo ku wareegayey hadalkii Sagale ahaa mushahaarka yaan lagugu dagin. Lacagahay tiqiin bay isku dardartay. Shan, toban, labaatan, waa isku soddon iyo shan. lyadoo xiiqsan hadalkunaciriiri kuyahay bay si naxdin ku jirto waxay u tiri, “soddon iyo shan baan ku shaqaynayaa”.
Saygii oo aad u dheehanayay Maryan iyo siday lacagtu u mrjsh- quulisay baa qosol ceshan waayey sidoo kale afadiina. way qososhay.

Maryan markay wax isku dardareysey farahay tirineysey.
Mar kalaa inta lays eegay laysu iljibiyey, “waa yahay Soddon iyo shan. Maya afartan baad ku bilaabaysaa hadda, hadhowna had- daad noqotid qof loo bogo waa laguu kordhinayaa. Maanta laga bilaabana gabadhii reerkaad tahaye ogsoonow,” Afadii baa tiri.
Maryan oo faraxsan baa madaxa ruxdey, meeshiina inta haddi- iba lagu kala kacay baa qado-samays la galay. Waa loo dhammaa hawsha qadada Maryanna dacalkeeday haysey iyadoo tacliinteedii cunto kariska halkaa looga bilaabay.
Maalintaasay mar kale adeegtonnimo bilowday. Meeshay horay uga adeegi jirtey iyotani waxba ma wadaagin. Meel tuulo ama degmo yaroo soo kooban dhan walba bay ahayd tanise waa Xamar oo aad u irdo badan.
Reerku mid sidaa u hawl yar ma aha. Wuxuu ka koobanaa toddoba qof oo joogta ah iyo kor ka socodka oon isna kala go’in habeen iyo maalinna ama imanaya ama tegaya.
Maryan iyadoo miskiintaa aqoonta iyo ilbaxnimada gaaban ah bay u dhar xiratay shaqadii reerkaa. Dhammaan reerku aroortii waa wada foofaa iskool iyo shaqo, habarta cutiga ahee guriga iska dhex joogta maahee. Sida badan Maryan waxay kacdaa aroor walba saacaddu markay tahay shanta ilaa shanta iyo bar. Inkastoy dhib barashadeedii ka martayoo marar badan ku gubatey haddana bara- tay sida quraacda canjeelada loo sameeyo. Afada guriga lihi aad bay isugu taxalujisay inay Maryan tababarto oy ka faa’iidaysato.
Hawlaha Maryan ee joogtada ah: Shanta aroornimay kacdaa. Dabkay shiddaa. Quraacday samaysaa. Markay diyaar ka dhigto ayay eegtaa saacad meel loogu dhajiyeyee lagula ballamay inay reerka kiciso markay meel laysla yaqaan gaarto, sida badan lixda iyo toban. Markii reerku toose is wada habeeyo ayey quraacda soo dhigtaa. Inta la quraacanayay qolalka hurdada nadiifis iyo tirtirid ugu dhaqaaqdaa. Quraacda marka laga soo jeesto oo la wada foofo bay weelkii quraacda dhaqdaa. Gurigey dabadeed xaaqid u qaddaa. Wixii dhar ahaaye dhiqid loo rabayna intay isku soo gunuddo iya­doo u kala xiraysa dhar ciyaal iyo dhar waayeel bay meel dhigtaa. Waxay soo dhaweystaa dambiilihii maanta suuqa lagaga soo adeegi

lahaa ee hilib dhuxul, bariis ama baasto, khudaar, shaah iyosonkor iwm. Markaasay horay u sii baxdaa iyadoo sida badan aan waxba afbilaaban, koob shaaha ah barkii iyo jeex xabbad canjeela ahoo qof hambeeyey maahee wax kalena aan qayb u helin.
Magaaladu waa dad iyo gardarro badanayd. Waxaa joogey dhallinyaro aad u edeb daran, oysan marnaba ka nabad gelin. Mid riixa mid wax ka data, mid isku duuga, mid caaya mid si xun u eega, mid alaabtay gadan maagto ku dhaca oo ku qaaliyeeya. Culays aad u ballaaran bay ku qabtaa magaalada dhex markeeda.
Cuntada markay soo gaddo, bay iyadoo dhididka ka baxayaa dhar dhiqi karayo, daallan, baahan, oo caacsan, dilan ama dhacan soo noqotaa. Dabkay saaka duugtay hadduusan ka demin bay u hurisaa. Cuntaday waddey bay kala dhishaa oo kala dhigtaa, si ay u dhaqdoo u dhardhaarto in yar markay joogtaba koob biya ah oon sida badan nadiif ahayn bay qac ka siisaa illeen waa qof gubatayoo dhidid baxdaye.
Waxay dabkaa ag fadhido oo markay suuqa samayso, maray bariis ama baasto kariso, maray hilib kariso amay heemisaba saacaddaa sida badan waxay gaartaa lixda, lixda iyo barka, kowda iyo kaddib.
Markay hubiso in hawshii karisku isugu dubba dhacday bay dharkii ilmaha soo qaadataa oo iyadoo dabka goonkiisa fadhida dhiqid u goshaa si ay labada hawlood isugu waddo.
Saacaddu markay kowda dhaafto ilaa labadiyo barka ayaa reerka guriga lihi soo horyeeshaa, iyadoo sanka wada taagaya oo iska dhigaya wax daallane naftu ka lulato biyoqaboweqaboojiye ku jiraa loo kala tartamaa. Marka la fariisanayaa inta lays kala tuuro la wada neeftuuraa, iyadoo la daahsanayo qadada Maryanna la wada hiifayo.
Waa lays moogyahaye, Maryan iyadu ma latirsatee, qadaday u soo daadisaa. Dhammaan reerku isku miis buu ku qadeeyaa. Maryan iyadu waxay ku hartaa jikada sida badanna qada sidaasa oo digsiga xagtiisa ka badan lama harto, waxay se jeeqaaqdaa waxa reerku hambeeyo oy goor damboy qabowdey afka la dhacdo.

Reerku mar alia markay qadada afka ka aaadaan buu Sariiraha- ★ weerar ku qaadaa. Maryanna goobtii shaqee alaabtii cuntadu dhobnayd looga kala yaacaa. Halkaasay alaab-dhiqid iyo dhulkii qadadu wasakhaysay nadiifin ugu dhaqaaqdaa. Intiiba saacaddaa waxaya tagtaasaddexda ilaaafarta. Mar alia markay ka soo jeensato taas bay haddana u qalab qaadataa dhanka wixii horay dhiqiddiisa. lyadoo weli faraha kula jirta baa sida badan reerka qaar soo kaak- acaa casariyaan Maryan weydiiyaa, halkaasay inta ku naxdo dabka u tuurtaa una soo shubtaa> Wixii hara intay termuus ugu shubtey shaqadey kala go’ysey sii waddaa.
Ka sidii iyadoo u dhex dabaaianaysee dharkii qaar kaawiyaday- nasa qaarkii kalena qallaykiisa sugeysa ayaa inta dhammaan la soo wada toosoo lays wada dhisaa magaaladan daqaqan iyo tamashle loo wada aadaa. Goorahaas makhrib kama tagganoo waa la wada baxaa Maryan oo weli shaqaynaysa iyo duqdii maahee.
Dharka kaawiyaddiisa markay dhammaysay qayb walbana meeshii loo saantay ay ku ogaato bay casha samays u rogmataa. Dab bay inta huriso qaxmiso, wixii la karin lahaa oy u tuurto, wixii dibadda laga dooni lahaa oy u doonto sida sonkor, caano, muufo ama rootiba. Markay dhammaan isku fariisiso bay iyadoon dhi- manna noolayn waxay ag fariisataa dharyahay wax karineysey. Gamaanyey maara isaga weydaa ilaa ay sidii wadaad xadraynaya madaxa lushoo ku sigato inay afka ciidda darto. Ma yara inta jeere ay afgambi u dhacday, burjikena madaxa gashan gaartey.
Saacaduhu way iska gurmayaan, sida badan inta siddeedda ka dambeysaaa reerku soo hor yeeshaa iyagoo casho doon ah sina u wada gelamaya. Mar mar way jirtaa aan reerkuba bixin, mar mar ay ka dambeeyaan amay ka soo horeeyaanna way jirtaa.
Maryan oon waxba ku noolayn naftuna hareer taal baa inta iyadoo suuxsan sara kacdo cashaday sameysey u qaybqaybisa reerka. Hadbana kii yimaadee casho i sii yiraahda qaybtiisa faraha ka saarta. Wax kasta waxaaba uga daran cashada tafaariiqada loo dhiibayee qof waliba markuu yimaaddo doonayo. Laga yaabee in qaaryimaadaan habeen baramahabeenka barkiisadambeba Mary­anna iyadu waa u heegan hawshacasho qaybintaah, in kastoysan wax nool uba ekaynoo si kale u dhaqaaqaayso. Markay doon-

aan ha soo gurigaleene, mar alia markay soo wada hoydaane ay hubsato inay wada casheeyeen bay salli xunee habarta agteeeda u yaal madaxa laabtaa, iyadoo hurdada haysaa ayan waxba duumo ka duwaneyn. Kicinta aroorta xigtee shaqo bilowga waxaa loo xilsaaray si habsami ahna u gudato hooyada (Habarta) oo iyadu duq aad u waayeel ahee horayna jirrooley u ahaan jirtey hurdaduna kuba yarayd. Habarta iyo Maryan isku meel bay seexdaan oo habarta dhib kuma aha inay Maryan toosiso mar alia markii loo baahdo ama loo xilsaaro.
Afar iyo labaatanka saaca maalinta Maryan waxay shaqayn jirtey ugu yaraan toban iyo lix saac. Shaqaday dhiibi jirtey waa mid qiyaasteeda laga wareero marka waqtiyada shaqada caadiga ah la eego.lnta waxaa dheeraa iyadoon haddana garan awooddeeda shaqo aad iyo aad loo dhoco loona dulmo. Shaqaday qabatiyo lacagtay qaadataa wax sinaba wax uga dhexeeyaan ma ahayn.
Toban iyo lix saac oo shaqo ah iyoafartan ama konton shilin oo mushahaar ah.!!!
Kol dhowr beri ka soo wareegtey shaqo bilowgii Maryan ayaa maalintii dambe Sagal soo booqatay Maryan iyadoo is-lahayd mar iska soo bariidi mar kalena aad ogaatid meeshay wax marisay.
Gooray casar gaabane dadkii wada baxay tahay bay soo laab- atay Sagal, “Hoodi, ma la soo geli karaa” bay tiri.
“Hooddeyn, yaa waaye ? Soo dhaaf”, Maryan baa tiri. Sagal baa soo gashay. Mar alia markii lays arkay baa laysku soo boodey salaan kululla lays dhaafsaday.
“Alla waa Sagal, ii warran abaaye? Soo ma ladnid?” Maryan oo qusleysa baa tiri.
“Nabad Maryan, maxaad haysaa? cid kale ma joogto miyaa?”* Sagal baa iyana tiri.
“Anigiyo habartii baa joognee bal nafta ka warran? Ciddii kalena ka warran, gaar ahaan duqihii Xaliimiyo Faadumo?” Maryan baa tiri.

“Naa anaa ku warrami doonee, adigu xaggaad wax marinaysaa- ? Wax dhibaato ahse ma la kulantay intaynu is moogeyn?” Sagal baa tiri.
“Kuu warramay; anigu shaqadii waa bilaabay. Lacag waxaa lagu qoray soddon iyo shan shilin bilowgii waase lay kordhin doonaa waqti ka dib,” Maryan baa tiri.
Sagal baa markay maqashay intay kor u booddey waji yaabati- inna muujisay waxay tiri, “yaah! Naa maxaa tiri! Soddon shilin aa! ma kaa dhabaa mise anaad igu cayaaraysaa! Naga daa cayaartoo runta soo daa”.
Maryan oo dhan ka shakisan dhanna ka baqaysa waayo- aragnimo darraadeeda darteed baa tiri, “Heeh, taa ma wax lala yaabaa? runtii arrin waa sidaa. Sida muuqatase taasi waxay ku dhacday anaa miskiin badowa ah. Laakiin hortaa bay ii mquqatay arrintu waxaanna ku deystey inaan iska dul qaato ilaa muddo intaan ka ilbaxayo.”
“Naa naga aamus ilbaxnimadaada maahee! ma qof bani’aadan ahoo maanta*joogaa soddon iyo shilin ku shaqayn kara, weliba shaqadu waa is dhaantaaye, mid adeegidda.
“Naa iska soo bax anigaa waxaad cuntid ku siinayee, ma Eebbe ayaa kugu qabtay dhiigmiiradkan. Ama waa la dhintaa ama waa la noolaadaaye,” Sagal oo xanaaqa ka muuqdaa dhab yahaye ciil iyo caro darteed kurbanaysa baa tiri.
Maryan oo si u shakisan dibna ka baqaysaa inta Sagal garabka ka taabtay, si ay u dejiso, waxay tiri, “Abbaaye, adoo mar mahadsan mar mudan abaal, waxaan kaa codsanayaa inaad yare ii kaadisid.”
“Taa waxaan u leeyahay waad ogsoon tahayoo anigu ma ahi qof inta ilbaxday si fiican isu dabbari karaysa. Waxa i haysta duruuf adagoo aanan ayaamahan ka gudbi karayn ilaa aan waaya- aragnimo u yeesho, marka waxaan doonayaaanoo ogsoon dulmiga lay dulmayo inaan isaga meel gaaro”.
“Naa belaayo ku meel gaartaye dharkaaga soo qaado ina keen, waxaan maqli karayo taasi maahee. Naf adakaa ma dameerbaa!” Sagal oo xanaaqsan baa tiri.

Maryan way shakiday oo waxay is-tiri: “armaa habartii belo inta soo dirtay lagu dagayaa”. Way hammidey oo waxay malaysay iya- doo inta reerkan ka tegtay marti u ah habar baastii markaasay sidii wax hurdo ka soo sasay tiri, “Haah, mayee si kale maahee bal in muddo gaaban ah inoo ku sin anaa berri ku tusi doona anigoo intii loo baahnaa qaadanayee”.
“Wallee qofaan noolayn baad u egtahay, sida kaa muuqatana meeshaan aad isku dhejineysid baad mar aan fogeyn ku bas beeli doontaa, haddaadan dhaqso u tashan. Adigu qof diidey baad u sansaan egtahay anniguse waxaan kugula talin lahaa inaad had- deerba irridda ina saartid, balse taladaadii kuu yeelaye waa mees- lay ku dhigtaal”. Sagal baa tiri intay inta ciilkii iyo carradii dib u leqday iska qabowdey.
Maryan baa Sagal garabka ka taabatay oo tiri, “Haa runtii waan kaa qabaa waanadaa iyo waxqabadkaa wacan ee walaaltinnimo. Waxaad iiga warrantaa Xaliimiyo Faadumo?”.
“Faadumo sideedii bay u kala miiseysey, Xaliimana maalintiiba way dhooftay. Dhawr kol bay i kaa weydiiyeen anna waan ku qariyey, waxaanna ku iri reer ay u socotey bay heshayoo aadday. Intaa markay maqleen bay iska aamuseen gaar ahaan Xaliimo, Faadumase aad bay kuugu ciil qabtey oo bushintay hoosta kaaga qaniinsanayd, maxaa yeelay aad iyo aad bay u rabi lahayd dukaan- kay wax ka gaddo kuugu sharraxto markii laguu baahdana si gaar laguu beecsho. Taasise madhicin oo afkay ciidda la gashay”. Sagal baa tiri.
“Allaylehe waa guul adigaana i gaarsiiyey, maw malaynaysaa haddaadan adigu joogteen inaan debinkaa ka baxsan lahaa? Maya weeye jawaabtu. Waxba waxbaa loogu daw galayaaye guushaan maanta hayo joogistaadii iyo dadnimadaadaa loogu daw galay. Manfaceeda anaa leh mahaddeedana adaa leh,” Maryan oo intii qof farxo faraxsan baa tiri.
Intiiba habeenkii baa dumey. Maryan baa aragtay in hawlo badini sugayaan. Intay hadba dhan eegtay bay tiri, “Abaaye adoo mahadsan shaqaan galayaaye goormaannu ballannaa”.

Waqti kalay qaadatay intii layska arki lahaa arrinta Maryan, lyaduna may noqon mid soo jeensata cid kalena danteeda uma soo jeensan. halkeedii bay hawshii tirada badnayd ka miistay..
Inkastoy hawlo badnayd lacagtuna ku yarayd haddana may dhogor xumayne aad bay u bilic samayd. Dharkay heshayna mid qurux badan buu u badnaa. Ina rag kii arkaa kama ilrogeyne wuxuu iswada weydiin jirey siduu u baran lahaa.
Maryan inkastoy badow ka ahayd ayanna si cuius u daneyneyn, illeen dan bay ka lahaydoo waxay is lahayd kolley ciirsi ma lihide meel aadan hubin ha gelin, xadxodada ragga haddana waxaa ku soo furmay indho iyo afaf tiro badanoo kala wada duwan. Dariiqay is-tiraahdo ka laababa waxay la kulantaa il loo dabayo iyo at loo dhuubayo. Waxay bilowday halgan iyo nafteedoy waaniso.
Kooxaha iska daba shubayey waxaa ka mid ahaa Dawaar- layaasha oy is tiraahdo dhar ka tolo, suuqleyda oy is tiraahdo wax ka soo gad dhallinyarada deriska ahee had iyo goor lays arkayo iyo nin alia ninkii meelahaas mar uun ka hanqaloocsado haybadeeda. Waxay noqotay dhexyaal dhan walba laga daneeyo iyadoo nin waliba isu daahayo isna leeyahay kaligaa yay ku dhaafin.
Maryan way mintidday intii itaalkeeda. Mudday culayskaa udul lahaydoo danteeda ka jirtay.
Weli wax lacag ahoo loo kordhiyey may jirin. Yare waxbay fahamtayoo niyad-samidii hore way ka sii dhimanaysaa. had iyo jeerba waxay la kulmi jirtey kuwo dhiggeed ahoo meeshay iyadu afartanka iyo wax la mida ka qaadanayso qaata labo boqol iyo ka kor. Xin iyo Xaasidnimo ku soo bilowday walowba ayan xarga goosan.
Iyadoo si markii loo eego dhaansan baa galabtii dambe waxaa booqasho ugu yimid Sagal iyo labo gabdhoodoo kaloo iyana adeega.
“Hooddi, hooddi, maxaad sheegteen?” Sagal baa tiri.
“Alla waa Sagal! soo gudba nabad baannu sheegnayee idin- kuna iska warrama?” Maryan oo si faraxsan baa tiri.
“Waxba yaynaan waqti qaban anaa kuu iman doonee, isma weyneyno oo dad isku meel ku nool baynu nahay, “Sagal oo inay baxdo u hinqatay baa tiri.
Mid waliba shaqadeedii bay aaddey. Maryan baa dib eegtay markaasay aragtay habartii reerka oo kuurka ugu jirta ilaa iyo maan- taasna dhegeysaneysey waxay ku wada hadlayeen. Maryan aad bay uga naxday habarta. aragtay in la sir ogaadey. Sagal baxday, Mary- anna iyadoo naxdin caga jiideysa bay shaqadeedii bilowday.
Habartii oo guntatey aadna uga baaran degtey, sirta Maryan baa goosatay inayan wiilkeeda ka qarin arrintaa. Waxay ku tallantay ma sugtaayoo caawaba faraha ma ka saartaa iyo mar kale ma u sheegtaa. Waxay ku deysatey inay caawaba u sheegto.
Ciddii talantaal u soo hoyatay. Habartu sharqantii soo yeertaba wiilkeedii bay mooddaa wuxuuse noqday qof kii u dambeeyaye soo hoyda.
Siday hadba madaxa ula kacaysey qofkii soo galaba “waa kuma?” u lahayd baa hurdadiiba ka tagtay, inkastoy awalba ku yarayd.
Mar dambe habeen bar tahay ayuu soo dhacay, halkaasoy inta kacday gurigii dib uga saartay meel cidlo ahna inta la tagtay waxay maqashay iyo waxay ku milxayn lahaydba ugu dhiibtey, “War waa ninka reerka, maqal, waxaad yeeleysaa waa inaadan u fiiro la’aan, gabadha reerku ku nastaye Maryan la yiraahdo haddii kale ma raan mar ahayn baad qoomamayn doontaa. Degdeg waa in lacagta loogu kordhiyaa oo asaaggeed inta qaataan in looga badiyo maahee aan marnaba looga yarayn”.
“Hooyo, anigu horayba waxaan ku taliyey in lacag badan la siiyo, laakiin afada reerka dhaqaalaha u haysee shaqada laga furtey baa taa diiddey, marka haddii iyadii la nasinayey wax masuugeyso waxba yaynaan arrintan danayne aynu ka nasanno,” Ninkii reerka ayaa yiri. “*Taa anba waan arkaa ha yeeshee, waxay arrintu iska kay tustay dhan kaloo ah danta guud iyo wanaagga gurigoo dhan. War miyaadan la socon sida nolosha reerku isubeddeshey? Adiguse intaad dhanka keliya ka arkaysid miyaadan gurigan mas’uul ka ahayn. Ilmahayga keliya u daneeyoo waa inaad wax garataa,” habartii oo si u kacsan baa tiri.
Isaga aad buu u daallanaa inuu seexduna ka door bidayey lasii tashiga habarta. Intuu xoqxoqday dhaqaaqna u hinqaday buu yiri “hooyo, waa yahay anaana dhammaynaya ee waa goor dambee iska seexo.”
Hadal la’aan bay gudaha galeen. Maryan baa soo booddey iyadoo lulmaysan oo casho isagii u dhigtay. Habartii baa inta soo daba gashay Maryanoo cashadii wadwadda isagii u iljibisey; dhig- tey inta afka u saartay isagii ku tiri, “xataa naagtaadaan sidan weli- geed kuugu shaqayn”. Isagiina sidii qof waanadaa qaatay buu madaxa ruxay. Maryan way u jeeddey dhaqdhaqaaqa dheeraadka ahee meesha kasocdey mase oga in iyada looga danaynayo. Waxay u qaadatay in iyada jar loogu dagayo maadaama sir laga hayo. Tuhumo khalada baa Maryan gashay. Walwal iyo walaac baagalay. Mar waxay qoomamaysaa imaatinkii Sagal mama hadalladeedii, waase warmoog.
Isagii baa hoos u sii daymooday Maryan mise quruxda iyo jalaqsanaanta ka muuqataa waa mid wax loo dhigaa ayan jirin. Labo kooboo yaryar buu soo leqayoo xarig xiraa ma jiro hadday dhan kale iska tusto, ha yeeshee dhab uma diyaarsaneyn oo wuu yare ladnaa.
Maryan waxay dhex taagneyd jikada iyadoo sugeysey habaynta weelku cuntada ku cunayo. lyadu isaga uma jeeddo oo wayba ka baqaysey isaguna intuu u jeeduu quruxdeeda si xeel dheer u daawanayaa.. Isagoo taa ku mashquulsan buu fadhigii meesha ku daalay hurdo xun iyo daal xad dhaaf ah baa iyada hayey goor horena inay kacday rabtey.
Cabbaar markuu jiriqsanayey miiskadushiisa buu mardamboo weelkuu cuntada ku cunay qallalayba, ka dib markuu arkay inayan imanayn walowba uu jeclaan lahaa inay inta u timaaddo agtiisa marmarto weelkana qaadaa dhigto, inta kacay si caqo jiid ah u hurdo tagey.
Lays moog! Qof dhargiyo qof inuusan dhiman raba. Mar alia markuu qolkiisii galay baa Maryan ood huf hilib aragtay mooddo weelkii la kala booddey horayna inta ka nadiifisay hurdo dhag tiri.

Intaan la hadal baa labadii kale iyagoo aad uga masayrsan quruxdeeda is eegeen isuna iljibiyeen, mid baa hadashayoo hoos waxay u tiri, “Qurux lagu khasaaray dheh!”
Tii kalaa qosol gaabanoo qarsoodiya afka la duubatay. Sagal way maqalaysey hadallada yeerayey, Maryanna wax tuhuntey mayse maqal xantu waxay ahayd. “Annagu nabad, gabadhaan Nuurtaa la yiraahdaa inkastay aad u madow dahay, geeddana Nuuro, taana Shacni baa la yiraahdaa inkastoon wax Shacni ahi ka muuqanoo oy caatiyo fool xumo isku darsatay. Gabadhaan magac laga miskiin ma ahee Maryan baa la yiraahdaa. Haddaan in yar sii raacsho kulligeen isku shaqaynnu nahayoo dadyow kalaan canjeel- ada u dubnaa bay ila tahay,” Sagal oo qoslaysa baa tiri.
“Barasho wanaagsan,” Maryan baa tiri.
“Barasha wanaagsan, Nuurtaa tiri
“Sagal aad baad ugu mahadsan tahay hawshaad gudatay, waana mid loo baahanyahay” Shacni oo weli Maryan sii eegasaa tiri.
“Mid su’aal ah, caawa firaaqo waad leedahay baan u malay- nayaa, haddaadan lahaynna mar kastaba waad na raacaysaayesoo xirxiro”. Sagal oo wax duufso is leh baa Maryan u dusisey hadalkaas.
“Ma anigu, firaaqo weligeyba ma yeelane xaggee loo socdaa?” Maryan baa tiri.
“Xaggee loo socon lahaa, weligeen ma digsi baynu babbinay- naa miyeynaan innagu adduunka wax ku lahayn, filim baan u soconnaa wixii kaloo aan heli karrana kama dayrinaynee cagtaynu marinaynaa”. sagal oo ka sii badinaysaa tiri haddana.
Maryan baa hammidey. Filimka la galayoo awalba way u guux- aysay inay bal maruun soo daawato waxa filimka lagu magacaabee magaaladu ka dabo dhacday iyaduna ayan weligeed isha ka qaadin, inkastoy bil dhawr ah Xamar ka soo tooseysey, middayse ay sinaba u leqi la’dahay waa tan kalee la leeyahay waxbaan cagta marinayaa. Maryan ma aha qof sidaa loo dHagri karoo aad bay ugafeeylg fahay arrinta ragga la xiriirta haddaan wax kale meesha imaan. “Anoo hadalkiinnii ka jawaabaya, arrintu hadday filim keliya tahay waan idin raacayaa inkastoon hawl leeyahay, laakiin, hadday hawla kaloo

Midiba mid bay sii eegtay oo haddana Maryan eegtay. Afka la wada buurey oo waxaa la jeclaystay in halkeeda looga tago. lyadoy ugu badan tahay sidaa baa Nuurto tiri, “Naa naagtan suuqa lama mari karaynoo mukulaal aynu dadka u noqonaaye yaynaan is raacin”.
Sagal baa iyana madaxa “haah” u lushay, Shacni oo intaba u fool xun una da’ weyn lagana yaabo inay aad uga waaya-aragsan tahay, baa tiri “Allow carruurey! Naa miyeydnaan la socon hal- hayska ah: qurux u dhalo ama doqon qurux leh raac! Aamusa maantay inoo dagatayoo khayr inoo ku dhow yahaye. Haddaadan adigu qurxoonayn waxaa la doontaa doqon qurxoon oo ragga soo jiidata dabadeed halkaasaad ku lafa ruugeysaa”.
Labadii kalaa qosol la dhacay. Intayan hadlinna waxaa goobtii isa soo taagtey Maryan oo yare ka khajalsan daymooyinka kulule sida xun ogadeeda isu dhaafdhaafayey.
Cabbaar baan la hadlin oo maryan siyaabo laga yaabo loo eegayey dad quustay iyo dad farxayaba.
Mar uun baa Sagal ood mooddo inay hadalka ku naxday tiri “haye, maad ina kicisaan Maryan timidoo waad u jeeddaan”.
Sidii qof wax akhrisanayeye waw laga dul yiri baa isku mar la wada boodey. Horaa laga baxay hadal la’aan.
Habartii intay soo daba gashay bay sii eegtahay Maryan bixid- deeda. Waxay ugu sii ducaysey inay soo nabad noqoto.
Wax la sii socdaba waxaa la gaaray meelaha gaadiidka laga raaco. Baabuurta meelaha maraysey ragga wata iyo ragga kalee lugaynaya dhammaantood waxay isha ku wada hayeen Maryan, Farta la fiiqayo, isha galac leh, madaxa soo qalloocanayee dham­maantood Maryan bartelmaameedka u ahayd way tiro beeleen. Kuwa la socda wax eegaya ama dan ka lahaa ma jirin.
Cabbaar baagaadiid la raaco lasugayey. Mardambana meeshii waxaa soo maray bas yaroo dawladdu leedahay dhallinyarana wadatey. Aad baa Maryan isha loola raacay. Meesha dadka dhoob- ani ma yaroo gaadiid bay sugayeen.
filima dhaafsiisani jiraan haddaba ii sheega isku lug ma noqon karaynee,” Maryan oo dhan ka fiigsan dhan kalena iska rabtaa tiri.
“Ah, ah, alia ehelo Khayrsanaa. Alleylehe waxay ku bannaanta- hay tilmaantii horee layga siiyey. Waxaan kaloo ku weydiiyey wali ma afartankii shilin baad qaadataa?” Shacniyow qoslaysaa tiri.
Sagal baa aad Nuurto ugu riyaaqday iyadoon hadlinna madaxa kor iyo hoos u gundhisay.
“Haa, maantoo dhan maad noola hadashaan, Maryan baa tiri iya- doo* lagu dhibcay inay baxdana looga badnaa.
“Ismaba aynaan aqoone isa soo daakhili okinaa! annigu ama aan afartan shilin qaato ama yaanan qaadane dantaad adigu leed- ahay waa maxay?” Maryan oo iska duweysaa tiri.
“Mayee dan kale ma lihiye ee, ee, ee ”
Shacni baa indhaha taagtey inay qososhana damacday mar- kaasaa Sagal hoos ka qandhuufatay una iljibisey si aan Maryan mar kale u diidin, masallaheedana u laaban. Shacni baa sidii biiq la qabtay inta isku naxday waxay hunnu-hunnu iyo qosol soo wad- deyna dib u leqday, neeftii isku celisey ilaa ay cabburtay.
Shacnibaa intay hadalkii heli weydey sagal fiirisay. Sagal baa iya- doo aad uga xun hadalka Shacniye warsheekada u muuqday qofka warsheekoodayna iyada u muuqdo xanaaq afka buurtey. Shacni way aragtay Saga! inay is-gashay. lyadoy ka dhabaqsan tahay oo indhaha buureysa bay tiri, “Maya anigu meet kalaan ka soo maqlay maahee ma in Sagal ii sheegtay baad moodeysaa. Wallaahay bil- laahay gabar kalaa ii sheegtay.” bay ku been dhaaratay.
Sagal waa inan isu haysatey inay kooxdoo dhan madax u tahay uguna garasho roonayd. qab madaxnimo maadaama uu ku jiro doonimeyso in laga warsheekoodoo laga daba hadlo dabadeedna ay weydo dad iyada raacsane wax ka dhegeysta.
Maryan oo dhan sagal ka xaq dhawraysa, walowba ay si ugu ciil qabto, dhanna iska celi leh tan maagtay bay tiri, “Adigu meet kas- taba ka maqaloo waxaan anigu u arkayaa inay aflagaaddo tahay, maad isa saxdid, mise inay ina ka sii qasantaad door bidaysaa.”
Nuurtaa door biddey inay wax dhexdhexaadiso. Intay soo booddey bay mid walba garabka ka taabtay oo tiri, “Naa bal suga, arrintu sidaad u qaadaadhigaysaan armayan kuba habboonayn. Horta Shacni way at xuntahay waana lagu yaqaan. Maryanna meel cidla ah bay ka ridday, hadda iyo dan caawa waxaa la soo goostay in filim latago, marka iyadoon laysku khasbayneqof waliba istikhyaar leeyahay, Maryan haddaad dooneysid ina keen shinimadadana u soo gunto, haddadan dooneyna shaqadaada wado waana inoo mar kale.”
Maryan aragtay aad bayna u dhuuxday dhaqdhaqaaqa meesha ka socdey iyo dhufayska laysugu jiray iyadoo aad uga digtoon danteedana ilaashanaysa intii itaal ah bay kacday oo lacag soo qaadatay. Markay lacagta la baxaysey ayay canbuur kabo iyo gar- basaar wacan dhag isku wada siisay.
Habartii baa inta naxday tiri, “Maryan caawa waa xaggee? ma meel fog baa mise waa meel dhow?”.
Maryan oo awalba ugu soo talo gashay in la ogaado habartana uba sheegto meeshay u socoto baa inta is gundhisay tiri, “Eeddo dhaaxaba meeshaan waa fadhiyey haddana meel dheeraadi maaye filim halkan dhow ka socdaan tagayaa dhawaanna inaan ka soo laabtaan ku rajo weynahay”.
“Bal waa yahay alia ha ku nabad soo celiyee caawa waa markii ugu horreeysey eed is-dhallinyarayso intii aad gurigan joogtaye aan yarayne dhawr sannadood.“ Bilaabataye booyaalow maxay ku dhammaan?” habartii oo aad u shakisan waxay sheegtana garan la’ baa tiri.
Maryan waxba ma sii daahine way baxday, saaxiibbadeheed oo su9i la’aa baa markay arkeen Maryanoo shacniga ka muugdaa •yaga si walba u daboolayee soo socotaa is wada dhugtey. Way iska wada khajaleen iyagoon hadalla waxay qireen in Maryan si weyn uga bilicsan tahay meel kastoy maraanna iyadu muuqaalkiyo mal- kadaba qaadan doonto.

Dhallinyaradii baabuurka wadatey baa is qabtay oo mid ka mid ahi yiri, “waar jooji baabuurka inantaas baan qaadaynaaye”.
Intaa markuu yiri baa kii baabuurka wadey joojiyoo yiri, “u soo yeer dadkaad sheegeysid anigu waan daahsanahaye”.
Kii wax joojiyey baa baqay inuu yiraahdo qofta ma aqaane haddaan rabaa inaan maagoo ka sameeyo aqoon iyo isbarasho. Maduxuu inta meermeershey qoslay. Dhamaantood waxay wada eegayeen Maryan. Dadka meelaha kadhowoodhammi way garteen sababta baabuurka loo joojiyey kaddib markii daymooyinkooda la arkaye loo fiirsaday.
Gabdhuhu sidoo kale way garteen in Maryan la rabo. Shacni baa inta is mooddey isu dhaqaajisey kooxdii baabuurka lamase arag.
“Kaalay miyaa waalatay, meeyey qofkaad sheegeysey muu yimaaddo” daraawalkii baa yiri. “Miyeynan ahayn in aynu qaadno qofta halkaa taagane inta cusaybkii ka batay cagaha dhulka ku hayn la’. Waxaan filayaa inay habboon tahay intaan la inooka hor marin inaan hantino”, kii horay baabuur u joojiyoo. Si indhaha Maryan ula raacaya ayaa yiri. Mid kaloo horayba ugu maqnaa Maryan baa isagoon hadlin baabuurkii ka soo boodey, “Abbaayesoo baxaan ku sii dhoweynee”.
Maryan isha waa ku haysey ninka baabuurka ka dagayee tan- naagoonaya marnase waxaysan meesha keenin inuu iyada la had- layo. Waxay u haysatey gabadha kalee goobta dhooban mid midoo uu yaqaan inuu la hadlayo. Badiba gabadha meesha joogaa way wada fahmeen Maryan in la sugayo. Qaar in la sugayo.Qaar badan baa ka masayrsan. Inankii oo jiciir haysataa mar kale hadalkii ku celiyey, “Abbaaye soo bax aan ku sii dhaweeyee, mise waaba mid dheg la’.
Shacni baa inta is-qaadday tiri, “Naa ina keen ha ina dha- weeyaane” Horay u soo dhaqaaqday markaasaa inankii si jeesjeesa u yiri, “Naa adiga maahee waa tan xaggaa kaa xigta”.
Nuurtoo ag taagnayd Sagal baa inta Sagal garabka ka taabtay tiri, ma tan? “Mayee tan kalee ku sii xigta”. Inantii Sagal oo og ujeeddada baa Maryan ku sii tiri”, war ma tan?”.

Dhammaan intii baabuurka fuushaneyd baa isku mar sidii iya- goo hees hoobinaya waxay wada yiraahdeen, “Haye! “Waxaasaa cusayb ah” isku mama gacanta u wada haadiyeen iyagoon is ogeyn.
Dadkii meelaha dhoobnaa baa yaabey wiilasha mammaanaan- tooda. Laba odayoo meesha taagan baa mid yiri, “War maxaa la fasahaadey maantana ma heerkanaan joognaa iyo in aynu suuqa isku baayacsano”.
“Ma xuma,” kii kalaa yiri.
Maryan oo wixii dhacay la wada socotey hadalka odayaduna dhegta ugu dhacay baa isku qabowdey waxay yeeshaan garan weydey.
Shacni baa inta soo booddey Maryan gujisey oo tiri, “Naa maqal intaad u tagtid baabuurka ku jeclaaday waxaad ku tiraahdaa waannu badannahaye na qaada”.
Maryan waxayba u qaadatay shirqool iyada loo sameeyey oy gabadhan iyo nimanka baabuurka wataa u wada dhan yihiin.
Mar kaliyey goosatay inay dib iyo gurigay ka timid u noqoto. Toos bay cagaha wax uga dayday. lyadoon cidna la hadlin.
Meeshii baa waxaa ku soo haray saddexdii kale. Waa lays wada dhugtey. “Naa tag mar dabena alia nama kaa tusee”. “Naagtu waaba ina qabsataye. Miyedinaan arkeyn? Hadda wallaahay waxaynnu ku sigannay inay neefta ina ku celiso. ” Nuurtoo neef tuuraysaa tiri.
“Wallee fursad baa ina dhaaftay”, Shacniyoo Maryan sii eegay- saa tiri.
“Naa iska aamus wixii kugu dhacay waad maqlaysaye, adigu goormaad wax garataa?” Sagal baa iyana tiri.
“Iska daa carruur baad weli tihiine,” Shacniyoo qoslaysaa tiri.
“Intiiba Bas baa yimid waana la raacay. Wiilashiina way tageen iyagoo bushinta hoos ka qaniinsan Maryanna weli dib u sii eegaya.

Maryan iyadoo yaxyax iyo ciil la socon la’ bay waxay sii luud- doo tillaabadu ka sii qasnaatabagurigay ka soo daqaqantay dib ugu laabatay. Ay garaacday maahee haddiiba irriddii baa laga fag siiyey. Qofka ka furey waxaad mooddey inuu irridda ku sugayey. Waa habartii oo sidiiba meesha iska taagtaagneyd dantay ka lahaydna ahayd yaadan irridda garaaceeda maqli waayin haddaad kadheer- aatid. Habartu gabow darti may dhega fiicnayn, tan kale soo kaak- aca badan bay ka wahasaneysey.
Habartii baa irriddii furtay. Ishay Maryan ku dhufatay. Waxay aragto markaa waxay u jeclayd iyada. Intay aad u faraxday oo soo noqoshada Maryan u bogtey bay tiri, “Allaylehe ducadaydii baa la aqbalay. Ma soo dhammaysatay hawshaad u baxday mise dib baad u noqonaysaa?”
“Maya waan joogayaa. Waxaan soo dhammaystay ma jiraane naftaydaan la soo cararay”. Maryan oo intii hore dhaanta baa tiri.
“Inaad naftaada la soo cararaysid waa maleynayey. Innagayna ta§si dan inoo tahaye ogsoonow. Haddaadan naftaada u baqin waa laguu baqaa, weliba adigu baraad dheertahay dadka intiisa badan,” ★ habartii oy waaniyo dan sheegad ka tahay baa tiri.
Maryan oon iyadu isu arag sida dadku u arko aadna uga yaab- ban tilmaamaha la siinayo baa inta qososhay tiri, “Eeddo anigu wali ma garan waxaan amman uga la’ahay ee ummadda la iiga daba ridey”.
“Allow qofaan wax ogeyn ha cadaabin! Adigu mar waad qurux badan tahay, mar waad cusub tahayoo uma muuqatid ama ma tihid kuwa inta la laba-lisay guraye salaglaha ah. Ina rag wuxuu weligiiba jecel yahay waa mare cosobsiga marka kalena diga-rogoshada. Waxaan filayaa inaad ilaa iyo hadda qof noole is-haysata tahay marka anna waxaan kugu waaninayaa anoo hooyadaa oo kale u hadlaya, inaad aad naftaada u ilaalisid oodan is dulleyn. Waxaa hubaal ah inaadan marnaba guur waayeynin sababtoo ah wixii rag gabar ku guursan jiray oo dhan maalka marka laga reebo aday hanti kuu yihiin, maalkana llaah baa haya,” Habartii baa tiri.
Maryan waxay aad ula dhacday waanadii habarta, niyaddeeday ka saartay wareegga danteeda dilayee asaaggeed ku hoobteen. Shaqadeeday jilibka u laabtay, iyadoo sidii loo dhiig miirayo, waqti- gii shaqadee tirada badnaa aan wax iska beddeley jirin.

Waxay habeen iyo maalinba u faruur xiraato shaqadaa ayaa maalintii dambe afadii reerku shaqo gaabane dhawr beri ah meel u aaddey. Safar dibadeed ah. Gurigii baa waxaisugu soo haray dadka intiisii kale afadu mushtar bay ahayd.
Odaygii reerkaa sidiisii habeenkii dambe soo daahay. Wax buu soo laacay oo ma haboonayn markuu guriga imanayey uu soo gelayeyba Maryan buu u yeeray, “Maryan cashada iigu soo dhaqso qolkaasna iigu keen”.
Maryan baa hurdadii ka soo booddey iyadoo awalba isaga laabta ku haysaye, is lahayd casho sii. Waxayse qaadan weydey cuntada qolka iigu keen. Wax uu uga jeedey garan weydey. Sidii bay yeeshayoo meeshuu weydiistey bay ugu geysey.
Cuntadii markay soo dhammaysaye ay istiri dib u laabo buu inta cududda qabtay dhegtana afka u saaray yiri, “Maryan hadalkii oo kooban qarsoodina ah caawa adaa qolkan ka xaas ahe fariiso”.
Maryan baa beerka loo dhaafay oo naxdin iyo yaab gariirtay. Meelay ka qayliso ma joogto waxay tiraahdana way garan weydey. Way baqday, naxday, yaabtay, amakaagtay oo iyadoo kor iyo hoos kurbanaysa hadal aad mooddo raadiyo tashwiish galay waxay ku tiri, “Yaah ma, ma, ma aniga?.
Intaa waxa u raacdey dhawaaqyo iyo codad aan la karayn.
“Waa sidee Maryan miyaadan i garanayn waa maxay anigaa iyo hadalladan sidii adoo aniga wax kale ii haysta. Ninkaad taqaanide odayga ahe caawa adiga ku doonayaan ahaye. Soo fariisoo bal noo sheekee intaan wax cunayno. Runtii mudda aad u badan baan kula hayey waxbaase i hor taagnaa, waxaasoo caawa aan xor ka ahay ama aynu ka wada nahay”, ninkii oo dhareer daadinaya ayaa yiri.
Maryan marba marka ka dambaysaa waa lagu sii kordhayey. Dhidid naxdimeed baa qooyey inkastoo waqtigu qaboobaa.
Dhar sidaasa ma qabtoo qof hurdo ka soo toosay bay ahayd. Waxay qabtey guntiino aan iyaduna si fiican ugu xirnayneay hadba

taf qabanaysey. Naxdintay naxday bay weliba ka sii kala furatay, si ay yeesho iyo meelay wax marisey garan la’ayd. Waxay u deysatey inay, iyadoo sidii magalooti iska taagan oon hadlayn, meeshaa iska surraato. Indho iyo laba daan bay noqotay.
Isagii cashaday u dhigtay buu, illeen waa nimaan dhammayne, Calyo-calyeeyey isagoo ku qaloonbiyayana wuxuu yiri, “Maryan wax aniga iga baqayaad u muuqataaye waa sidee. Miyaadan u arkayn inaan odaygii dhammaaye reerka ahay. Ah, ah, ah, waa ii nasiib wanaag marba haddaan caawa adoo sidan u carfaya qolkan cidlada ahee naag baastii ka maqan tahay kugula baashaalayo”.
Maryan waxa maqleysey hadallada uu lahaa umase wada dhaadhicinoo way dhakafaarsanayd. Wajigiisoo iyada ku soo jeeda umay jeedin. Indhahay siin la’ayd. Hadba daymay ku xad is- oraneysey markaasay misna degdeg uga dadbanaysey.
Awal wuu fadhiyaye intuu sara kacay buu Maryan gacanta soo qabtay. Qayli bay maagtay markaasuu inta afka qabtay dhegtana afka u saaray ku yiri “I maqal Maryan, hadalkii oo kooban caawa qolkan adaa ka naag ah. Haddaad qaylisidna way kaaga daraysaa’’. Intiiba intuu luqun jibbaaray buu sariirtii ku buquujiyey.
Maryan oo dhan walba belaayo ka soo ballaysay meelay aaddo iyo waxay yeeshana garan la’ baa af labadi yeertay. Cid u timid ma jirin oo carruurtuna way hurdeen habartuna horay bay u fahamtey waxa meesha ka socda, hadday gacan geyso is tiraahdana waxay ogsooneyd waxa wiilkeedu yeeli doono maadaama uu sakhraansa- naa. Habartii waxay door bidday inay ka muquurato, inta rabsho dhici, lahayd oo askari iman lahayd dabadeedna dhibaato guriga gaar ahaan wiilkeeda u iman lahayd.
Maryan cabbaar bay niiqniiq tiri. Qolka dhibaatadu ka dhacay- sey wuxuu ahaa mid meel sii durugsan guriga kaga yiil oon sidaa looga maqal. Waqtigu goor dambuu ahaa dadyowga dariska ahina inta kol hore seexdeen baa weli la tumayey walowba ayan ku dha- weyn, hadday maqlaanna sidaa isuma soo dhiseen waxay u qaadan lahaayeen xaasas yare dhibaato gaar ahi dhex martay.
Dhibaataa dhacday, dembi baa la galay, dadnimaa lagu xad gudbey. Dad baa la diley. Dan baa lagu tuntay. Daacadnimaa loo gefey. Dulmi baa la sameeyey.

Maryan waxay wiiqwiiqlaysaba, wax habartii dhufayska ay ku jirtoo dhegaha maryeheeda ku cuftaba, wax dembiilihii dagaal ku jiraba mar dambay saacado ka soo wareegeen markii dagaalku biiowday baa qolkii halaaggu ka dhex socdey waxaa fu’ ka soo yiri Maryan oon suxud lagu ogeyn. Guntiinaday horay u sidateyna garraarka luqunta ugu xiran maahee intii kale daba xaabayso.
Socodka Maryan ma hinnayn. Sidii inan yaroo la gudey bay hoohaarineysey. Fasaleetigii timaha way ka soo carartey, mada- xeedana waxaad moodeysey meel gorayo lagu qalay. Labada ind- hood way casaadeen. Neeftu way ku cabbursaneyd oo sidii qof neefi haysay hiqdaa haysey. labada gacmood mid labada lugood dhexdooday kula jirtey midna il iyo dhaban bay iskula haysey.
lyadoo sidaa ah bay habartii ka hor timid, waxay tagtay mees- hay seexan jirtey. may seexane intay salka dhulka dhigtay derbi- gana dhabanka saarta bay halkeedii hiqhiqdii ka miistay.
Habartii oon waxba ka daahneyn sidii qof war moog ahna iska dhigaysa baa madaxa la soo kacday. Maryan bay eegtay oy tiri, “Haye Maryan maxaa dhacay, Maryan ma xanuun baa ku haya? kaniini madax ma u baahan tahay?”.
Maryan may hadale intay il nac ku eegtay habartii bayan waxba iska beddelin.
Habartii baa sara kacday oo iyadoo yeelyeeleysa qof Maryan u danaynaysa waxay isha la raacday meeshii Maryan soo martay iyo dharkay qabtey. Waxay aragtay meelo badanoo dhiig ku tifqay iyo gabbalo dhiig ahoo marada Maryan qabto ku yaalyaal. Markaasay habartii sii hubisay dembiga iyo fadeexadda dhacdaye reerku mas’uulka ka ahaa.
Habartii baa iyana ku sigatay inay oydo, wax damboy tiraahdo iyo si ay wax yeeshay garan weydey.
Maryan sideedii bay ahaatay, waxay salka ku haysey salligay awal ku seexan jirtey dacalkiia darbigana dhabarkay ku haysey, labada gacmoodna labada law bay isu barkanaayeen. Intii qof niya jabo, naxo oo nolol ka quustay Maryan ku sifaysanayd.

Habartii baa hurdi weydey joogina weydey. Maryan ma moog- ayne aad bay u ogsoonayd in habartu ninka ku eegeysey, maxaa yeelay way tiqiin inay aad u hurdo yarayd una hurdo fududayd. Qayladii Maryan qaylinaysey iska daayoo waxay ku kacdaa qof hurdoo is rogey sharqantuu yeersho.
Maryan iyadoo sideedii aha baa waagii dusheeda ka baryey. Waxba quraac may samayne sideedii bay u fadhidey. Waa qof dhaawac ahoo dhaqdhaqaaqaba dhibsanaysa.
Habartii oo iyana ka sidii in yaroy hadba indhaha is-gelineysey maahee inta badan fekereysey baa mar alia markii waagu baryey lana kaakici maagay waxay u tagtay wiilkeedii. Qolkiisii bay inta gashay oo soo riixday tiri, “War inkaar qabe, maxaad inoo bi’isay! Allaylehe waan malaynayey inaadan maskax lahayn gaar ahaan markaad bahasha fuuqdee aad miiraabaysan tahay.”
Isagii baa inkastoo uu garanayey, wuxuu iskadhigay war moog aanba fahmeyn meesha habartu ka hadlayso-waana ninkii shaahiyo biyaha isku daray. “Yaa! waa sidee hooyo, xaggaad ka hadlaysaa? ma cid wax dhintaa joogta?” Isagii oo wax moog iska dhigayaa yiri.
“War dufoowe, i dhegeyso. Aniga waxba shaati been ah ha ii gashane, waxaan kuu sheegayaa hadda degdeg waa inaad dambi- gaad xalay gashay wax uga qabataa oo miskiintan aad bi’isee ku cayaartay dhan uun uga baxdaa inta goori goori tahay. Guursanba lahaydaa, eryi lahaydaa iyo si kale u sasabi lahaydaaba ka kac meeshoo si uun yeel”. Habartii oo yaabban baa tiri.
Isagii baa qoslay beentuu gadayeyna baalkeeda laabay, maad- aama runi run geydey, yiri, “Hooyo horta waa ka xumahay”.
“Waligeedba intay dembi kas iyo maag u quustay waan ka xumahay iyo raalli ha la iga ahaado ku waalataa, Eebbow maxaa adduunkii dhaqan wareegey”. Habartii oo dhabannada haysaa tiri.
“Hooyo, aan hadalka dhamaysto teeda kale kolley wixii dhece oo waad u jeedda. Anigu hortaa inaan qoftan guursado waxba kama qabeen, jirtoo dhibaatooyin aanan marnaba gudbi karayn baa meesha yaal. Waa ogsoon tahay naag aan sharyarayn baan qabaa teeda kale nin maanta labo naagood isku qaadi kara ma ahiyoo adba

waad la socotaa nolol xumada adduunka ka taagan iyo xaaska hadda joogaa intuu ballaar le’eg yahay, taasoy weliba dheer tahay kor ka socodka iyo qaraaba-badnida caadada inoo ah. Runtii waan gefey waliba get fool xun gafay”, isagii oo gariiraya welina wax ku dambeeyaan baa yiri.
“Geftay wax baase ku gefsiiyey, waa dadnimo xumaadaadee yaad ku eedi. Inaad nacas tahay sidaa ku qir. Teeda kale fadhiga ka kac oo si uun u gal arrintan ka hor intaan iskandal amadhibaato aan ka soo waaqsi lahayni dhicin, “habartii baa tiri iyadoo hadba dhan eegaysa.
Isagii kiciddii kac la yiri run moodyoo kac. Habartjj.baa inta ‘ -qososhay aad u sii eegtay oo tiri, “weTigaa dad barashadu wax baa kuugu dhimman, inaan si walba kuu aqaan baan moodayey, ha yeeshee been bay noqotay. ma anigii xaarka katiri jirey ee intaan ku soo le’ekaysiiyey baa saaka ku garan la’ oo sifooyin aanan kugu aqoon kugu haya”, madaxay ruxday oo inta is bihinbihisey oohin beenlaysay.
“Hooyo go’aankaygu waa inaan yarta besabeseeyaa”. Ilkaha ka jajaban baan u samaynayaa, dhar baan u gadayaa, lacag baan faraqa uga buuxinayaa waan u sheekaynayaa dabadeedna wax- baan u qorshaynayaa”. Isagii baa yiri.
“Aday ku jirtaa nacasow sidaad yeeli lahayd, haddase waa iga dardaaran:- ogsoonow, haddaadan bahasha iska deyn eed sidan ku waddid dad kale iska daayoo wallee anigaad wax i weydiin doontaa aakhirkaaga haddaanan horteed dhiman. Eebbowtaa horteed i dill! alia maxaan lumay!” habartii oo dhafoorada haysaa tiri.
Isagii baa qosol gariirey wax uu yiraahdana garan waayey. Intu hadba dhan eegay oo indhaha marmaray buu gebida rogtey.
Habartii oo siday ugu timiba xanaaq, ciil iyo naxdin daaceysey baa hadal la’aan meeshii u dhaaftay.
Sidii buu cabbaar isaga gebi-rognaa. Tii uu ku hadlayey ayuu go’aansaday iyo inuu yarta intuu besabeseyn karo besabeseeyo intuu indha-saabi karo amuu sasabi karana uuna waxba ula harin.

Qorraxdii baa soo baxday. Isagii wuu iska shaqatagey. Maryan fadhigii bay ka kici weydey iyadoo dhan ka dhaawac ah dhanka kalena baqdin, xishood iyo murugo la gariireysa. Intii la doonay ka kala firiirtay, dhan ay wax marisana way heli weydey. Intay soo dul gabratey bay qaadi la’ayd. Way cid iyo ciirsi weydey culayskeediina qaadi weydey. Ciirsi daayoo ciday u cabatayna aqoon.
Iyadoo sidii saili meel gees ah yaal dushiisa kalataal, xanuunka dhaawaca culayskiisa daayoo kan murugadana qaadi la’ oo ilamada hoos ka qubaysa baa waqtigii aad u siibtey ilaa ay barqo dheer noqotay. Reerku cid suuqa u tagta oon Maryan ahayn ma lahayn, Maryanna waataas oo reerkii adeegsanayey ayaa qashay. habartii sidii bay meeshay awalba fadhin jirtey isagafadhidey. Aad bay u da’ weyneyd. Awood ay suuqa ku aaddana may lahayn ilmihii reerkuna iyagoo warmoog ah waxa dhacayna aan la socon bay quraac la’aan dugsiyadoodii aadeen. Way jirtey inay cabbaarjeeqaaqeen canjeel- adii iyo shaahay afka kusii dhifan jireen, ha yeeshee, markay arkeen inaan reerkaba saaka dab loo shidin bay isaga huleeleen iyagoo xanaaq wada karaya. Ciday ku eedayeen oon Maryan ahayna ma jirin, waxayse moogaayeen dhibta aabbahood iyada u geystay. Dad is moog baa isu ciil qaba. Yaa ogeysiiyaa alia yaa u sheega!
Iyadoo ka sidii arrini u madax iyo majo laaban tahay, oo habarti- ina kaba baqaysa Maryan inay wax weydiiso, illeen wax jiraba way ogsooneyde Maryana wax dhaqdhaqaaq ahba laga la’yahay ayuu duhur isku taagey.
Isku markii ayaa waxaa soo dhacay Odaygii reerka iyo ilmihii oo shaqo iyo dugsi ka kala yimid. Aad baa loo baahnaa qado macaanna sidii loo bartay niyadda loogu hayey. Odaygu yare wuu shaki sanaa, ilmuhuse war moog bay ahaayeen isagu shaqaale dawiadeed buu ahaa.
Odaygii markuu soo galayba, illeen tub qabaa takaraysane, wuxuu isha la raacay Maryan, inay joogto iyo siday tahay. Ka hor intuusan arag Maryan ayuu hooyadii uu arkay taasoo uu lafaqay, si uu ilmaha waxa dhacay uga awdo, inta afka aad ugu soo dhaweeyey buu yiri, “Hooyo, maxaa la hayaa, bal warran?”.

Habartii oo ka sidii yaab iyo ciilkii ku sii tarmayeen baa tiri, “maxaan hayn lahaa? Ma hayn bay leedahay? sow adigu inta majo- xaabisay musqul afka uma gelin! Wax aan iraahdo garan maayoo aday ku jirtaayearmaad ilmahan dugsiga kayimid qado la raadisaa!.
“Allow doqoneey ha kuu naxariisan, maxaa loo lahaa dadka waxbartay garaad iyo garasho dheeraad ah bay leeyihiin”.
Isagii bay ku sii cuslaatay wax uu yiraahdo iyo meel uu wax ka qabtana garan waayey intuu hadba dhan eegay isagoo hadallada habartana qaadi la’ oy u sii harga-luleen buu isagoo gariiraya wax uu yiraahdana garan la’ ilmihii u yeeray, “Waryaaya, ina keenaqado tagnee meesha qado ma taalee.”
Ilmihii oo iyana dhankooda ka tufaya waxa dhacayna garan la’ baa isku mar wada yiri, “Allaylehe ina wada, waa u baahnayne baga”.
Degdeg bay u soo dareereen iyagoo dhan ka faraxsan oo is tusaya waxayan horay u cuni jirin in maanta ay cuni doonaan maadaama makhaayado la tegi doonoo, dhanka kalena gaajo la wada ciirayoo socodkaba laga wada maagayey.
La wada qado teg oo inta la soo qadeeyey habartiina qado loo soo qaaday baa dib haddiiba loo soo laabtay. Habartu sidaa uma cunto jecla, waxaana usii dheerayd iyadoo aad uga argagaxsaneyd dhibaatada meesha ka aloosanayde wiilkeedu u sabab ahaa.
Cuntadii loo keenay iyadoon waxba afka saarin bay Maryan faraha ka saartay. Maryan inkastoy aad iyo aad u baahnayd had- dana cunto uma muuqaneyn oo sideeda kalaa loogu badnaa. Cun­tadii bay diiddey. Afkay buurtey madaxana intay ruxday bay gebida rogatay.
Habartii oo u garowsan cuntadiina kol hore soo hordhigtay una qabtey inay ka laacday ayay dib ugu soo laabtay iyadoo dantay ka lahayd ahayd aad aragtid bal say tahay, “Naa maxaad u cuni. wey- dey?. Waa inaad cuntid cuntadan illeen adaa laguu keenaye. Maxaad baahida isugu dileysaa. Dhaqso cun”, habartii oo is leh cuntada ku dirqi baa tiri.

Wax hadal ah iyadoon oran bay inta daymo gaaban oo qaar go’an ku deyday habartii ku eegtay haddana indhaha laabatay. Waxay muujisay daymo ama muuqaal diidmo. Habartu way fah- meysey waxa meesha yaal iyo dantay lahayd iyadoo ku sii adkaysa- naysa bay inta soo agfariisatay oo garabka ka taabatay tiri, “Maxaa dhacay waa sidee, maxaad u cuni weydey? cun anna waan kula cunayaaye.”
Maryan aad bay u garanaysey ujeeddada habarta. Waxay aad u fogeysatey oy sinaba u qaadan weydey hadalka habartee ah “maxaa dhacay?” wax dahsoon ma jiraan ee waa la wada daahayaa- ama ha laga baqayo ama kas iyo dan gaaroo laga leeyahay ha loo samaynayee.
Habartii way ku guuleysan weydey inay Maryan ka hadalsiiso amayba cuntada cunsiiso. Markay ogaatey in xaaladdu dhabaqsan tahay bay wiilkeedii aaddey oy ku tir, “war belo heshay, maqal arrini way dhabaqasan tahay adaana dhabqiyey ee waa inaad si degdeg ah wax uga qabataa. Ka kac meesha oo qoftani way jirran tahay baan u malaynayaaye ama inaga dir inta goori goor tahay ama sasab oo soo daawe waxyaallahaad sheegeyseyna u soo qabo.
Aad intuu u fekerey buu madax u ruxay hadalkii hooyadiis isagoon jawaab cad siinna inta taagey buu wuxuu u dhaqaaqay xaggii Maryan oo ka sidii meesheedii luqmo-laabnayd intuu isasoo hor taagey buu yiri “Naa haye, maxaad haysaa?”.
Maryan iyadoon wax daymo ah siin bay fahamtey qofka la hadlaya. Xanaaq iyo ciil baa oogadeedii isku mar meel ka kala heli waayey. Aad bay inta isu gashay waxay tiraahdaana garan weydey.
Cabbaar baa la kala aammusnaa iyadoo dhanna laga yaabba- naa dhanka kalena jawaab laga sugayey. Isagii oo sugi la’aa jawaabta lagala masuugeyey baa mar labaad hadalkii ku ceshaday, “Maryan, maxaa dhacay ood u hadli la’dahay? Haddii wax xanuun ahi ku hayaan ina kici aan cisbitaal ku geeyee.”
Maryan oo aad u xanuunsaneysey inkastoy qarsaneysey baa ugu dambaystii go’aansatay, ka dib markay aragtay, inaan loo dhaamin, inay cisbitaalka aaddo.

Muddaan wax hadal ah la oran oo Takhtarkuna jawaab iyo talo sugayey Cabdina wuxuu yeeli lahaa ka fiirsanayey, Cabdi mar uun buu inta soo boodey oo Takhtarkii gacanta qabsaday dhan ula sii dhaqaaqay isagoo afka ku sii dhaweynayana wuxuu kb yiri, “Takh- tar i maqal, anigoo dembigaad sheegeysid galaye qoftan ku xad gudbey. Qoftu xaaskaygii ma ahee waa ii adeegtaa. Xaaskii waa iga maqan yahay, dhawaanna inay timaaddaanafilayaa. Ilmo badan iyo waalidba waa hayaa oo xaas baliaaran baan ahay. Marka hadda iyo dan, anoo si gaara kuugu dan sheeganayee aan afgaradna illowsi- isneyn ayaan ku leeyahay arrinta iga tiiri. In llaahay ku asturo. Runtii intay i sidato bay i heehaabineysaa. Mar waan ceebaysnahay, mar dembi baan ku jiraa mar kalena reer dhisan baa inta iga duma aan dib dambe iigu dhismi doonin. Arrini waa sidaa, lacag shan kun iga qaado, hadday kugu yartahayna ii sheeg aniga dhibaatadaa lacagta igaga weyne”.
Takhtarkii baa hoos eegay isagoo afka buurayoo madaxa ruxaya. Wuxuu ka walaacay siduu wax yeeli lahaa. Arag in meesha dhibaato madaxyo badani tuxtuxaashineyso. Lacagta waa u jeedaa. Aadaminimada sidoo-kale. Dib dambe wixii dhici karana wuu mal- malaynayaa isagoo is tusayaa hadduu Cabdi arrintiisa yeelo sida wax uga iman karayaan buu yiri, “Oday mid ma istustay ah hadday gabadhu dacwooto”?
“Dacwada gabadhu ama wax alia wixii dhankeeda ka iman karaya anaa afka dabool ka saarayoo meel aan mariyo alia i baraye adigu mid ii yeel: Waa inaad inta si fiican iigu daaweysid aadan cid kale arrintan ogeysiin, haddad iyada sasabi karaysidna adiga lee waaye.” Cabdi oo aad mooddo inuu xiiqsan yahay baa yiri.
“Labo halba oday hoo: waa mid lacagtu waa yar tahay, teeda kale haddii arrintu sidan noqoto waa in aynaan cisbitaalka u deyne aad meel kaloon kaga warqabi karo geysaa, maxaa yeelay had- daynu cisbitaalka u dayno cid wax weydiisa la waayi mayo daba- deedna halkaasay arrintu ka fakanaysaa, waad ogsoon tahay bay ila tahay taasna iyo hadday fakato sidaynu afka ciidda u doridoonnee, haye,?” Takhtarkii oo gor gortan ku jira baa.yiri.
Cabdi inta kor u boodey oo qosol rayrayn iyo farxad la ciiraya ka kacay buu yiri, “ah, ah, caku iyo nimaan wax garaneyn! Horta mar
Maryan oo ilmo ka tifqayso madaxana hoos u hoggaaminaysa baa isa sara taagtey, inay cisbitaalka aadeysana muujisay. Isagiina arag inay socoto. Waxba lama daahine horaa loo sii baxay. Cabbaar markii la sii socdey welina aan wax hadalla lays weydaarsan ayaa isagii oo yare ka tillaabo horreeyey iyada, maadaama ay dhaawac- nayd oo socodkuba aad u dhibayey, inta soo yare gaabshey yiri, “Maryan waxay ila tahay hadda kala xishoon maynee, bal ii warran waxna ha iga qarin. Mise sidaa ma aha?”.
Maryan markaa waxay maraysey meel aad ugu dhow isaga. Tillaabadeedu iyadoon toos u dhacayn bay haddanacagajiid ahayd uurkay ka huraysey ciil iyo caro darteed. lyadoo aan sinaba u jeclayn inay jawaab siiso bay haddana duruufta haysey ku khasab- tay inay la hadasho. Maxaa yeelay aad iyo aad bay gacan ugu baahanayd meelay cuskatana looma jeedin. lyadoo hadalkii ka soo bixi la’yahay bay si murugiyo niyad jabidi ku jirto waxay u tiri, “Waxay ahaan lahaydba waa dani kaa adage sidaa adigu jecesha- hay inooga dhig, maadaama adigu tahay kan keliya”.
“Maryan, waa sidee, sidaan wax kuu weydiiyey iiguma aadan jawaabine, mise wax baad iga tabanaysaa? Waan ogsoonahay inaan kuu gafey, ha yeeshee taa ballan waxaan kuugu qaadayaa inaan si aadaminimo ku jirto wax alia wixii suuro gal ah kuugu qabtee adna ha igu caajine ila bari taar,” isagii oo iska dhigaya nin daacad ah baa yiri.
“Ma xuma waana loo joogaa”. Maryan markay hadalkaa lahayd way ooyeysey iyada hadalkeedu ma yara sababtoo ah si fiican bay u fahamsanayd sida xaal yahay iyo waxa meesha yaalba.
Hadalkii baa si lama filaan ah u xirmay maxaa yeelay si loo wada wadaan meesha ool. Isagu waa sii wadwadi lahaa ha yeeshee iya- duna uga jimcin. lyadoo aan laysla hadlayn ayaa tagsi la qaatay. Isagii horey buu galay iyana gadaal waxaana lagu amaray inuu cisbitaalka geeyo. Waa la tegey. Nasiib wanaag waxaa loo tegey Takhtar aqoon u leh Cilmiga “Jinekolojiyada”.
Toos ayaa takhtarkii u baaray taasoo uu ogaaday inay aad u dhaawacan tahay hurgun culisna u dheer yahay. Isagu dibadduu uga haray markii iyada la eegayey. Aad wuxuu u dheerersanayey
waxa soo yeeri doona. Cabbaar markii takhtarkii maqnaa buu mar dambe isagoo madaxa haysta fu’ soo yiri hadalna ka bilaabey, “Oday haye, maxaad sidan u yeeshay?”.
Isagii ma garan ujeeddada takhtarka inkastaoo uu si u qaatay. Aad buu u walaacay oo hoos inta ka naxay is-yiri: “Belo kula tagtay wixii dhacay bay u sheegtay, bal inaan anigu waallahay maxaan u soo kaxaystay, illeen ibtilo cagahaaga ku doono waa sidan.”
Wuxuu go’aansaday inuu iska yeelyeelo ninkeeda si uu uga fakado dambiga meesha ka oogane uu sameeyey. Isagoo afka mar maroojinaya baqdinin wejiga ka sarsaaran tahay buu yiri, “Haye, takhtar, bal hadda wixii dhacay daayoo waad arkaysaaye sidee adigu wax yeeshay, sow ma aad daaweyn? Hadbana sidii wax u suurtoobayaan adigaa takhtar ahoo garasho u lehe iigu dadaal qofta guri baa iga cidla ahe”.
“Mayee wax kale maahee qofta bir baa lala dhacay, dhaawac xun baana gaarey. Waxaan filayaa taasi waa dembi sidaad adba garasho ugu leedahay iyadu ama xaaskaagii ha ahaato ama meelo kale ka keenoo. marka anigu waa daaweynayaa mar horaana la seexshey oo muddey cisbitaalka ku jireysaa daawana qaadan doon- taa. Waa lama huraan sidaan anigu arko in qofkii dembigan ka galay la soo xiro Maxkamadna la saaro, maxaa yeelay qofkaasi waa gacan ku dhiigle, waxaa kaloo dembigan qayb ku yeelan kara kuwii u toltolay inkastoo taasi dhaqan aan sinaba loogu baahanayn ka soo dureersantahay. Wax dhibaataa ka haysataa gabadha soomaa- liyeed su’aasha gudniinka. Ma diiddani in wuxu dhaqan kusalaysan yahay, haddana waxaa la yaab leh waxa ururka haweenka iyo kuwa fahmayee kale ay haba yaraatee tillaabo uga qaadi la’ yihiin”! Takh­tar baa yir.
Nin baaskii Maryan soo bi’iyaye meesha taagan, magaciisu waa Cabdiye, ayay ku waan-sixday. Isagu faallada gudniinkuba ma maqleyne wuxuu aad ula yaabbanaa ugana fekarayey siduu dembi­gan uu falay uga lug bixi lahaa.
Madaxu qabsaday oo hadba dhan eegay. Arag inay ku taagan tahay. Waxay ka geyn weydey inuu Takhtarka musuqo toosna u weeraro.
110

mahadsanid, marka kalena lacagtu waa toddoba kun, tan kalena iyada waxaynu geyneynaa gurigeyga anaana alia i baray sidaan madaxeeda majo ugu rogi lahaa, iyo adoo guriga ku daaweyn doona.”
Sidii askar salaan kala qaadanaysa yaa inta layska soo horjees- tey oo mar labaad laysa salaamay Cabdi yiri, ‘‘Haddaba waynu kaxaynaynaaye inoo soo saar adna ina keen aad kharajkaaga soo qaadatide”.
“Waa yahaye wax yar i sii sug, tagsina inoosii qabo”, Takhtarkii baa yiri ka hor intuusan Maryan u tagin ayuu inta xafiiskiisii tagey wuxuu soo qoray dhammaan daawooyinkuu is lahaa waa u baahan tahaye laga heli karayey farmashiye uu xiriir la lahaa. Lacag aad u badan baa halkaasna looga baahnaa si daawada loo wada helo Maryanna sida loo baahanaa ugu daawowdo.
Takhtarkii markuu daawo-qoriddii soo dhammeystay buu waxba ma sii daahdaahine wuxuu u tagey Maryan oo marka inta dhibibsan aad inay nasatoo daawo qaadato ugu baahan. Way kala tiil. Xanuunku kuma yarayn, ha yeeshee inay daawoobeyso bay aad u rumaysnayd sababtoo ah waa markii ugu horreysey oy cisbitaal seexasho iska daayoo inta soo gasho daawo jirkeeda taabato. Si nafsaani ah bayba u dawowdey. Aad bay ugu bogeysey meeshay jiiftey. Daawada, takhtarka iyo sida loo dhawr-dhawrayo siday uga heshayna iskaba daa.
Dhaawaca jirkeeda gaarey iyo niyadday haysaa waa kala labo. Waxaa kaloo intaa u sii dheer iyadoo is lahayd reerbaaskii maantaa isugu kiin dambaysa, si damboo aad isu aragtaanna maba furra ★maadaama aad sirna sheegtay, halkaanna aad kaga jirtid.
Belaayose waxay timid markii takhtarkii oon qabin dharkii cad- daaye ay ku ogeyd inta dul yimid uu yiri, “Adigu Maryan sow ma aadan ahayn, ina kici waynnu baxaynaaye”?.
Maryan ma ay fahmin ujeeddada Takhtarka. Waxayse u qaad- atay in qof kale la seexin doono laguna daaweyn doono. Si aan firfircoonayn bay Madaxa kor ugu soo qaadday. Iyadoo jiitameysa

115
bay isasoo sara taagtay. Aad bay damqasho u dareemeysey. Taah bay hoos ka miiseysey inkastoo xishood nacaseed hayey, amayba baqdin waayo-aragnimo la’aani u sabab ahayd beerka jartay.
Takhtarku wuxuuba daahsanayey dagiddeeda oo uu u arkayey is mashashuur iyo ka badbadis. Wuu ogsoonaa inay jirran tahay, jirtoo tiisuu ka watey iyo heshiiskuu wax ka galay inuu meel maro.
Maryan oo jiitameysa iyo takhtarkii oo inta in cabbaar ah ka go’ay xiimaya, ha yeeshee hor kacaya ayaa irriddii weyneyd ee cisbitaalka soo abbaaray. Maryan baa qaadan weydey in meesha loo wadaa dibadda tahay. Way hammidey si ay wax yeesho iyo waxay tiraahdayna garan weydey. Wahey waaya-aragnima la’aaney ba’! way tallantay oo is tiri ma qaylisaa, meeshan ma iska fariisataa, iyadoo dhakafaarsan bay ku deysatey inay iska raacdo Takhtarkan hor kacayee hadba inta dib u soo daymoodoo leh, “soo soco, soo soco waynu daahnaye”.
Maryan waxay goosatay in cisbitaalka kaloo kan kafiican loo wado. May oga in haddii qof cisbitaalka laga beddelayo aan la lugeysiine baabuur cisbitaalka lagaga qaado.
T
Labaduba way naxeen waxay yeelaanna way garan waayeen. Takh-
tarkii baa inta madax dhulka uga qaaday Cabdi kor u soo fiirshey.
Dadka meelaha marayaa waxay u haystaan qof ama xummad
xumi hayso ama inta dhiiggu ka yaraaday iska diiday. Waa la wada
moog yahay dhibaatada meesha taale Maryan haysata. Labada
ogina kuwa iyada ama u naxaya ama wax dan ahi ka hayso ma
ahayn.
“War maxaynu yeella waatanoo sidaynu rabnay si aan ahayn bay arrintii u muuqataaye,’’Takhtarkii oosi isna intau naxay dambi- ile isula muuqda ayaa yiri:
“Sowtii la lahaa takhaatiirtu waa geesiyaal, maxaad u gariirey- saa! Waxaan yeelaynaa qofta waynu qaadaynaa gurigaygii baynuna geyneynaa, maxaa yeelay haddaynu hadda dib cisbitaalka ugu laabno arrintani way fashilmaysaa. Miyeynan sidaa kula ahayn”, Cabdi oo gacanta kor u haya hareerahana iska eegayaa yiri.
Takhtarkii baa inta qosolgariir dhag ka siiyey yiri, “war waa sidaase inoo qaad qofta”.
Wax laysa sii daba socdaba irridkii weynaa baa laga baxay. Maryan mar alia markay irridda weyn madaxa ka keentayba waxay aragtay Cabdigii iyada balanbaaliyey oo meelaan dheerayn tagsi ku tiirsane Takhtarkii la hadlayo. Naxdin bay haq tiri mar bayne sara joogga ka dhici gaartey. Horay baa loogu jeedaye markay iyana arkeen inay yare dawakhsan tahay sina ay u jir iyo aragdiiddan tahay baa lagu sop wada dhaqaaqay. Maryan naxdintii awal qabatay mid ka sii badan baa u timid. Aragtay in iyada lagu soo socdo. Is adkee bay maagtay, ha yeeshee waxay is tustay oy soo gocatay dhibaatooyin badan oo horay u dhacay sida dhaawaca iyo ceebta iyada saaran, siday takhtarka ugu xog warran tay haddana aan waxba u qarsoonayn ee Cabdi taa u og yahay.
Maryan mar uun bay afweynta goosatay oo meeshay ku dhac- day iyadoon iska rogin ku suuxday.
Takhtarkii iyo Cabdi oo awalba u toog hayey wax alia wixii dhaca ayaa ku soo orday. Way dul yimaadeen oo is dhugteen.
Tagsigii baa loo gacan haadiyey si uu ugu soo dhawaado. Inta Maryan kor loo soo qaaday oo sidii neef la bireeyayoo shilalka loo sii sido la soo walaandeeyey baa tagsigii dalaq lagu soo siiyey.
Waxba lama sii daahdaahini gurigii reer Cabdi baa loogu cayntaarshey.
Dadyow meelaha taagnaa baa yare shakiyey oo waxay u qaadan waayeen qof sidaa u jirran waxa cisbitaalka looga sii wado, waxayse ku deysteen waxay ka qaban kareen baan jirin.
Tagsigii wuxuu sii cararaba gurigii buu isa soo hortaagey. Maryan markaa way miyir qabtay, ha yeeshee waxay oran karay- saan jirin. Isha uun bay wax ka eegeysaa. Aragtay in la sito.
Baabuurku intuu sii socdey ayaa la sii wada sheekaystay iya­doo afka lagu sheekeysanayey af shisheeyeahaa. Maryan waxay ka garaneysey ma jirin, tagsiiluhuna sidoo kale, iyadoo afkaa shis- heeye lagu wada hadlayo ayaa Takhtarkii markay sii socdeen hadal- kii ku bilaabay, “war nin yohow qalbi adkidaa, sidee baad ugu
114

bareertay inaad inta bir qaadatid weliba khasab wax ugu jajuubtid, ma wax kalood yeeshaad weydey, haddaybase sidaa kaaga dabac- day talo ama aadba u tabar weydey maad faraha isaga laabatid belada ku waddey xoog badnaydaa? Mise adaa nin sida u dhashaye caarranaantu u dabci Tahay ah?”
“Si kale arrintu uma dhacdeene anaa si kale ahaa. Waad i garatay baan u malaynayaa?” Cabdi baa yiri isagoo qoslaya.
“Waan ku gartay. Ha yeeshee mid meesha ku jirtey ma ahayn inaad haleeshay middida hilibkaood dabadeed sidaan arkay wax ku yeeshay. Aad baad u nasiib badantihiin adigiyo iyaduba, maxaa yeelay iyadoo mudda dheer laga joogey waqtigii dhaawacu dhacay ayna aad suura gal u ahayd inay teetano qaaddoy si sahlan u naf weydo bayan taasi dhicin dabadeedna aad kuba soo gaarteen in la helo lidka teetanada, oo hadda wayba qabtaa, nasiib badanaa ma dhurwaa baa!” Takhtarkaa yiri.
“Nasiib wanaagga hooyadayaa nagu dhashay miyaad nagu kuunyeysaa”. cabdi oo markaa aad mooddey in neefi kasoo baxday baa yiri.
Takhtarkii oo damcay inuu hadalka la sii wado ayaa mar uun wuxuu eegay xaggii tagsiilahataasoo uu aad uga shakiyey haddiiba uu fahmi karayo afkay iskula hadlayeen. Isagoo aad u shakisan wax hubina ay ka tahay buu inta tagsiilihii garabka ka dharbaaxay ku baaray inuu bal afkaa isaga ah fahmayo iyo in kale, “you are not a bad taxi driver, right?” Tagsiilihii ma uu fahmin sidaa daraadeed wax ★ jawaab ahoo sidaasa kama bixin aan ahayn “waxaad tiriba lagu yiri”.
La garey inuusan fahmeyn afkii isaga ahaaye layskula had- layey. lyadoon la hadal ayaa hoos loo wada farxay.
Baabuurkii mar alia markuu gurigii isasoo hortaagey ayaa laga soo wada boodey. Maryan aragtay in guri baaskii ay necbayd la hor taagan yahay. Mar bay waxay jeclaysatay inayan tagsigaba ka degine ay meel alia meeshuu aadayo isaga raacdo, haddana ahaan weydey oo iyadoo luga jiideysey ka soo daadegtey.

lyagoo is barbartaagan baa labadii nin Maryan sugayeen, inay inta guriga la galaan waxay u sheegi lahayeen iyo daawaday siin lahaayeen u qaadaa-dhigaan. Iyadoo lays wada daba socdo mid midna loo galay ayaa gurigii laysku shubay. La sii galayey maahee Cabdi baa inta ka sii hor maray qolkii fadhiga u sii qalqaaliyey inay wada fariistaan kaddib markuu hooyaddii iyo ilmihii ka saaray.
Maryan oo quus joogta niyadduna digada tahay baa damacday salligay horayba ugu jiifsan jirtaye meel u muuqata yiil ku nasoo isku kala bixi, Cabdi baase uga yeeray kana duwey markuu arkay inay u hollatay, “Maryan, qolka fadhiga ina gee takhtarkaa daaw- ooyin aad qaadan doontid kuu macnaynayee”.
Maryan intay soo dhaqaaqday bay qolkii lootilmaamay takhtar- kii ka daba gashay. Qolkii baa laysku soo shubay. Maryan oo aan weli xummaddii ka jebin, daalka, diifta iyo niyad-jabka ka muuq- daana qiyaas la’aa ayaa dhankii tuugadu ka soo jeeddey ma ahee dhankii kale ka soo jeesatey.
Takhtarkii oo nin belaayo ah iska dhigayaa warqado uu awal horey u soo qorqoray inta soo baxshey yiri:“ daawadaas baad qaad- anaysaa sidaasna waad u qaadanaysaa, waxaan hubaa inaad dhakhso u biskooneysid”.
Intaa markuu yiri, ayaa inkastoy lama-filaan labadoodaba ku noqotay, Maryan gocatay sida gabarnimadeedu u Baaba’day loog- una ciyaaray iyadoon iyadu raalli ka ahayn inta la kufsaday dhegta dhiigga loogu daray taasoo ilmo soo dhaaftey. Inanimo maxay tahay? Waa asturnow, oo yaan lagu ajarin asluubta iyo anshaxa bulshadaadu ku siisayna lahow. Kuwaa jira iyagoon inamo ahayn haddana iska yeelyeela, dadkana isaga dhiga inamo kaddib markay ku tuntaan ama looga tunto, sida Maryan inanimadeeda. Usluub oranaysaa jirta ‘ama inan noqo ama afo haddii kale afka gooso.’
Maryan afkay goosatay iyaduse isuma geyne waa loo geystey, takhtarkii baa arkay inay ooyeyso, ilmana kaqubanayso, wejigeedu ma muuqane hoos buu u ganboonaa. Garbasaar calal ahee toltol badan bay madaxa ku sii duubtay.
Ninba meel baa u cad Maryan dhibaatada la walaalowdey bay la gubanesey. Cabdi waxaa u caddaa siduu isaga moosi lahaa ceebtaa

Way ka huleeleen inay wejigeeda arkaan. Takhtarkii markuu arkay waxa meesha yaal ayuu waraaqdii daawada intuu Cabdi faraha ka saaray u il jabiyey si uu isagana u diro. Cabdi wuu fahmey waxbana ma joog joogsane intuu kacay buu haddiiba lacagtuu heli karayey soo dhuftay. way dhammaan weydey taasoo uu hooyadii u tagey lana socodsiiyey dhibaatada meesha taal iyo siduu u rabo inuu isaga mooso.
Habartii intay u riyaaqday ceebta la awdayo bay faraha ka saartay lacagta intii ka dhimanayde uu sugayey.
Waxaa lama illaawaan noqotay hadal habartu tiri markay lacagta Cabdi u dhiibeysey, “hadda wax besabeseysaye ilaa mee- qaad wadi hawshan? Sow berriba sidaadii iyo si ka daran ma yeeli doontid? Maryan weli waa joogtaa adna biyihii deyn meyside ma ogtahay taa?”.
Cabdi si qof naxay intuu iska dhigay madaxna hooyadii tusay buu lacagtii iacararay, “Takhtari maqal, waa inaad naga war qabtid, maxaa yeelay cid ama takhtar kaloo aan arrintan tusayaa ma jirtee waa inaad ogsoonaatid si fiicanna ula socotid. Haddaba ogsoonow hadday fakato inaanan dembigan keli ku ahayne aad adna ila wadaagtid,” Cabdi oo markaa sidii hore dhaama ayaa yiri.
Takhtarkii oo dhanka lacagta aad uga faraxsan dhanka dembi- gana ogsoon baa inta wuxuu haystey isku urursaday hadal la’aan dhabbaha laba ka dhigay. Cabdi baa qaadan waayey taa oo inta gacanta ku soo dhegey yiri, “Takhtar ma kuu dhaadheceen waxaan ku lahaa mise waan kuugu ceshaa?”
oo xitaa hadday la noqoto diyaar wuxuu u ahaa inuu Maryan dilo, takhtarkana waxaa u cad qaddaadiicda loo sheegay iyo siduu weliba ugu nabad geli lahaa ceebtana uu u aasi lahaa.
Maryan markay cabbaar meeshii hiqhiqlahayd lagana guri waayey ayay iska aamustay. Madaxa waxba kor uma qaadine cid- diyeheeda cageed bay farfaratay iyadoo kaba dhaaratay inay mar- naba kor u soo eegto kii kufsaday iyo takhtar-ku-sheegga cawcaw leh.

“Mayee, waan gartay, anigaana maalin-dhaaf idiinku imaan doonee taa ha ka cabsan. Waa sidee ma qof aan aammin ahayn baan kuula ekaaday,” Takhtarkii baa yiri.
“Maxaa datoore ama takhtar laguu leeyahay haddaadan sidaa waxgarad u ahayn!”
“Mar kastood timaaddid haddaan joogo waan joogaa had’dii kalena waxay ila tahay inaad garaneysid sidaad wax yeeleysid iyo meeshaad wax marin lahaydba. Ma aad moogid baan filayaa in aynu dembigan wadaagnee waa in aynu wada guntanaa, mise ma aha?” Cabdi baa yiri.
Takhtarkii oo si u tartuuqsan lacagtana qaadi la’ baa intii hadal kale laga sugayey yiri, “waxaan idin weydiiyey, waxan oo lacag ah sidee baad guriga ugu haysateen? Mise bangigaba lacagta ma dhigtaane barkimooyinkaad ku laabtaan? La yaab ma lihidinoo annana waanu shaqaynaa idinna waad xaddaan”. “Dawdaw, soo bax baa la leeyahay oy sacabka leefeysaa! Adeer ma xoogaaga lacagaa ku maskax martay waadiganoo waalataybee?” Cabdi oo qosiayaa yiri.
“Mayee waxaa yare ila cuslaaday sidaad haddiiba si sahlan Toddoba kun oo shilin ula soo booddey. Anigu kala garanmayo tuug iyo mushtar isba waa tuuge, mid aad tahay,” Takhtarkii baa yiri.
Markan laysla hadlayo guriga dibadda ayaa laga joogaa oo labadooda uun baa is maqlayee cid kale war uma hayso waxay ku murmayaan.
“War ila dhaaf arrintiyo hadallada sarbeebanoo hadalladaan ku lahaa maxaad ka yeeleysaa? “Cabdi oo meeli gubanaysaa yiri.
“Goormaad adigu wax garataa, illeen dheg weyn baad tahay aan dhaqso wax ugu dhaadhicin ilaa loo bayaaniyo. horaan kuugu sheegay haddana waan kuugu celinayaaye aad u dhegeyso. Anaa imanaya, waana daaweynayaa miskiintan, waan ogsoonahay in aan kula wadaago dembiga, waana ka feejignahaye taa la soco. Ma ku deeqday intaasi mise weli waad ooman tahay? Hal baase iga su’aal ah, haddaad sidan fuley u tahay maxaad dadyowga ilmahooda u qalaneysay?” Takhtarkii oo sii socdaa yiri.

120
“Ookeey, nabadey iyo adoo waxaad sheegeysid oofin doona, ogsoonna in haddaadan oofin adna u qoollaan doontid” Cabdi baa ka sii daba tuuray.

Ninba dhan buu isaga dhaqaaqay iyadoon laysba sii barane intaa iagu kala dheelmaday Cabdi markuu gurigiisii soo galay ayuu Xusuustay in aanu takhtarka magaciisa aqoon. Wuu naxay oo inta kor u boodey maleeyey meeshuu ka ogaan lahaa magaciisa wuxuu is tusay inay ugu dhowdahay inuu dib ugu laabto cisbitaalkii si uu hadhow hadduuba waayo uga baadi goobo. Ma joogjoogsane had- diiba irridduu fu’ ka soo yiri waxuuna abbaaray cisbitaalkii. Sidii uu u sii duulayey buu cisbitaalkii tagey. Gabar meel taagneydee dharka cad qabtey buu inta dhuunta ka soo galay isagoo xiiqsan neeftana kor u raacaya wuxuu ku yiri, “Walaal, raalli iga ahow wax baan ku weydiinayaaye.”
“Mayee waxba ma lehe soo daa waxaad dooneysid meel baan ku degdegayaaye waa sidee ma alaab qaaliyaa kaa dhuntay si baad u ciirsan tahaye, mise naag baa kugu foolaneysa?” Gabadhii baa tiri.
Intuu sidii qof didsan hadbadhaneegayoodhegahataagey buu yiri, “sidaad doontid ka dhigoo, waxaan ku weydiiyey,” ★ takhtarkii galabta ama maanta gelinkii dambe shaqada lahaa magaciisu muxuu yahay?”.
“Horaan u sheegay inaad nin la weheliyo tahay. Dhar magaal- aadba qabtaaye maxaad isu yeelyeelysaa, mise wayba kaa dhan tahay oo shalaad miyi ka timid maantana surwaal iyo shaati bay kuu soo geliyeen?”? Gabadhii oo dhaqaaq u hollatay baa tiri.
“Belaayo cagahaaga ku doono waa sidan oo kale. Naa i cay kuma orane maad iiga jawaabtid su’aashaan ku weydiiyey, adi- gaaba sidii reer miyiga u ciyayee”. Cabdi oo caro karaya, sina u kadaalliyayoo waxa haysta qaadan la’ baa hadalkaa yiri.
“War illaan ibtilo, adeer kuma fahmayee cid kaloo ku af gara- naysa orod doono. Hadal miyaa takhtarkii maanta shaqada lahaa magaciis, immisa takhtar baa isku mar shaqada wada lahaa? waa wax tuulo kalkaaliye takhtar u yahay joogi jirey adduun kalena aan war qabi karin!. Gabadhii baa intaa markay tiri maba sii joogjoog-

sane dhabbaha labo ka dhigtay, candhuufo tuftid, mashmashiiqsi iyo daymooyin ay Cabdi ku dileysay sii dhaafeysey markii isna isagoo weli sidii iyo si ka sii daranba u takaro dhabanayey.
Wuxuu ku sigtay inuu inta soo qabto uu dharbaaxo, haddana is qabey oo hadal la’aan buu dhankay u dhaqaaqday maahee dhankii kale isaga dhaqaaqay. Meel cidlo ah buu sii dhaqaaq-joogsadey. Dadku markaa cisbitaalka iyo agagaarkiisa sidaa uguma badnoo waa goor ★himhimnow ah. Mar horaa shaqaalihii badiba rawaxeen. Cisbitaalka in la xiraa la rabaa dadna ma soo geli doonaan. Hadba qof buu eegaa, markuu wax weydii is yiraahdana wuu ka cabsadaa sidii afka loo goostayba.
Cabdi saacad baa meeshii ku dhaaftay. Mar damboo gabbalki- ina si fiican u dumey oy habeen tahay buu isaga huleelay walowba uu marar badan isku dayey inuu ogaado takhtarkuu doonayey magaciisa. Isagoo leqay bahal jiciir ah, luggooyana u dheer tahay, buu gurigiisii dib ugu laabtay.
Uu soo galayey maahee wuxuu arkay hooyadii oo irradda dibadda ah taagan sina u dhiillaysan. Intuu ku soo dhawaadey buu yiri.
“Hooyo waa sidee maxaa dhaxanta ku dhigay maad gudaha gashid?”
“Alla ma ku keenay, qoftii waa sakaraad, sidaad u baxdayba way suuxsanayd, kuwii ilmo ahaana shaneemay aadeen haddaan tagsi u diri lahaa, “Habartii oo dhakafaarsan baa tiri.
“Tagsi aa, waa sidee hooyo miyaad waalatayl! ma qoftaan had- deer cisbitaalka ka keenay baad leedahay mar kalaan u dirayaa! Intii intaan mar kale cisbitaal geeyo laygu baran lahaa inay dhimataa ii dhaanta. Oo hadda way miyiri la’dahay?” Cabdiyoo sii naxay baa yiri.
Cabdi inta isasoo qaaday buu Maryan oo salligeedii dul taal kor yimid. Intuu dul kadaloobsaday buu gacanteeda midig kor u qaaday cabbaar markuu hayey dhaqdhaqaaqa wadnaheeda ogaadeyna inta soo dayey buu sariir ku dhaweyd go’ saaraa gacantuu ku hayey iyada marsaday.

122
Gacanteedii sidii ruux meyd ah oo kale bay maladhaq tiri markii la sii daayey.
Intuu istaagay oo jeebabka gacmaha gashaday buu bela feke- reysa iska dhigay. Hooyadii oo ilmo ka daadanaysaa ag taagan. Isagu ma oga in habartu ooyeyso. Maduxuu ruxay oo sidii qof murugeysan hoos ka guuxay.
“Maxaad ka murugoon, waxaadan is badin cidi kuma badine. Boodi lahaydaa, booyi lahaydaa, ama baabacayn lahaydaaba adi- gaa isugu wacnoo isku keenaye ka maal, ” Habartii baa tiri.
Awal habarta uun baa murugo ooyeysaye hadda isagay ku weyn tahay. Inuu ooyuu ku sigtay allow nacasow ha kuu naxariisan. Jeebabka intuu gacmaha gashaday oo hadba dhan eegay buu nin wax qabanaya iska dhigay. Arag oo goosey inayan suuro-gal u noqon doonin mar labaad cisbitaalk geynteedu. Sidii uu u fekereyey ayuun buu ugu dambayntii xusuustay in daawo loo soo qoray, orod buu haddana isa sii qaaday oo daawadii doonay.
Tagsi buu sii qaatay isaga gaar u ah.Aad buu isugu buuqay, meel uu wax mariyo iyo si uu waxyeeluu garan waayey. Maryan Cisbataal ma geyn karo, takhtar kale uguma yeeri karo, iyadii waa sakaraadoo meel laga hayana aqoon uma laha, ma fogeyn karo oo wuu ka cabsanaya inay dhan kale isula rogto.
Isagoo meella qaban la’ ayuu farmashiye soo galay. Dhawr kol buu u holladay inuu sun ay ku dhimato u gado haddana la ahaan weydey. Warqadii takhtarku qoray buu la soo baxay oo u dhiibey mid farmashiga gadayey, kii ka qabtay baa warqaddii intasi degdeg ah u jalleecay waxba kuma daahine yiri, “Adeer ma hayno Daaw- adaa dooneysid. Waxaa filayaa inaadan heli doonin, sababtoo ah indhawaaleba daawadani magaalada ma soo gelin”. Intuu sidii tuuryo warqaddii ugu gudbiyey.*
Cabdi way ku soo cuslaatay. Qammuunyo iyo jirriqsi buu bilaabay ciil iyo murugo ka keeneen. Si cago jiid ah ayuu Farmashi- gii uga baxay. Hadba dhan buu eegay.
Meelaan ka dheerayn baa waxaa u yaal tagsiguu soo ijaartaye isaga sugayey cabbaar danbe.

Isagoo tufaya buu tagsigii daf soo yiri, is hiifka iyo haaraanka ka baxaya shinbirtii ag martaa way dhiman. Badday biya macaan ka dayday. Tagsiilihii arag inay cunayso, danise, kama haysoo wuxuuba jeclaan lahaa inay inta ku sii cuslaato uu caabbaar sii wadwado.
‘‘Haye daawadii ma soo weydey? tagsiilihii baa yiri. “Soo waayaye bal ina mari kuwa kalaynu ka eegeynaaye” Cabdi oo si u naxsan baa yiri.
Wax magaaladii la jiira jiireeyaba mar buu farmashiye kale la yimid. Cabdi warqaddii buu iska soo hor mariyey. Waa laga qabtay oo haddiiba inta lagu soo celiyey waxaa loo tilmaamay farmashiga loo malaynayo in daawadaasi taal. Intuu tilmaantii si fiican u qaatay baa orod lays dhigay laba saddex jiir inta laga sii laabtay haddiiba daf la yiri.
Cabdi sidii buu weli isaga soo hor marinayaa warqadda. Waa laga qabtay oo sidii horay ugu dhacaysey laguma soo tuurine waxaa la yiri, “waa siddeetan shilin”.
Cabdi inta awal waa yaabbanaaye sii yaabay oo sidii uu wax ka dheer hanqalooc sanayo cirba taagsadey hadal wuxuuna ka yiri, “Yaah? Siddeetan maxay ah?”.
“Siddeetan doolar ma ahee waa siddeetan shilin oo kaliya, hadday kugu badan tahayna waad iska dhaafi karaysaa”, nin daaw- ada iibinaayey baa yiri.
Weji kalay Cabdi ku bixisay. lacagtii buu qaadan waayey bad- naanteeda. Ciilkii iyo carradii baa ku sii batay. Wuu tallamay, go’aanna gaari waa wax maahsan buu noqday, indhihiina intay jillaadmeen bay darbi ku dhawaa si fiican u qabsadeen. Waxaa ag taagnaa ninkii daawada beecinayey oo isagu kaba yaabban sida ninku u maahsan yahay. Cabbaar buu jawaab ‘maya’ ama ‘haa’ ah ka sugayey, dad badanina waraaqay la ag dhoobanayeen dawayna rabeen. Waxay raagsanayeen waqtiga Cabdi iyo dawo-doonkiisa lagu dhumiyey.
Ninkii intuu dawadii faraha Cabdi oy ku jirtey ku dhaafay buu dawo iibin bilaabay, uguna kaadshey bal ilaa uu ka miyirsanaayo.

Cabdi waxaa madaxiisa ku wareegayey lacagta badnaanteeda, nasiib xumada la soo daristey. Wuxuu is tusay Maryan oo intuu soo maqnaa dhimatay. haddana filim kaluu inta daartay farmashigii dib ugu soo noqday.
Sidii qof hurdo laga nixiyey ayuu inta kor u boodey yiri, “Haye, lacag ma ku siiyey?”
Dawo iibshihii iyo dad badanoo filimka daawanayey ayaa isku mar qosol ka wada kacay. Dhawr dadka ka mid ahaa baa inta isu wada iljabiyey dhafoorada farta ku wada mudey siday wax waalan tilmaamayeen. Cabdi arag inay sidato. Lacagtii buu la soo boodey inta ninkii boqol shilin iyo dawadiiba u tuuray, yiri, “ka gooso iina duub”.
Haddiiba inta loo duubay baaqigiina loo soo ceshey baa faraha laga saaray. Caguhuu wax ka sii dayey tegsigii isagoo ka sidii wata gurigii baa la tagey. Tagsigii baa isna bahal lacag ah yeeshay, danina waa siisay.
Cabdi oo daalan, ciii qaba, wax uu u ciil qabana aan garanayn ayaa gurigii soo galay. Taas buu Maryan ugu tagey, mise iyadoo miyir qabtoo sidii dhaantay sare fadhidaa. Mar alia markuu arkay inay nooshahayba intuu farxay buu qaadan waayey, hadalna wuxuu ka yiri, “Maryan, bal warran? hadda sidee tahay? Dawaan kuu doonay waana wadaa.”
Maryan weli sidii bay u cabsi iyo ciil qabtaa. Mar kastaba waxay soo gocaneysey sida loogu xad gudbey markaasay inta gebida rogato oohin hoos ka miisaysey. cabbaar markay aamusnayd walowba hadal laga sugayey bay mar dambe hadal wax u eg tiri, sidaan baan ahaye maxaad iga weydiineysaa!”
Cabdi si uu wax yeelo iyo meel uu wax mariyuu garan waayey. ★wuxuu isaga deystay in intuu dawo siiyo uunan laba hadlin marba hadday ladan tahay, ilaa ay bal intii waqti ah si uun noqon doonto.
Habeenkaa sidaasaa lagu kala seexday ka dib markuu su’aala la’aan dawaday u baahnayde loo qoray uu siiyey. lyadu ma hadleyn, hadalka la yiraahdana way maqleysey, hadba wixii samee la yiraahdo ama dawada leqna way sameyneysey.
\

Cabdi isagoo sidii hore yare dhaama buu sariirtiisa aadey. Fiid horay ahayd weligeedna aan loo soo joogin Cabdi oo markaa oo kala soo seexda, dan baase soo seexisey cawadaas oo daal iyo muruguu la ciirayey.
Maryan inkastoy niya dilleyd haddana way iska gama’day hab- eenkaas maadaama ayan ilaa iyo xalayday ba’day il isa saarin. Habartii baas waa seexan weydey iyadoo qaadan la’ ceebta iyo magac-xumada reerkan u soo hoyatey. hadba waxay soo gocaney- sey dhaqankay ku soo barbaartay ta iyada ula muuqdey mid dahab ah, maxaa yeelay may dhici jirin waqtiyaddii ee dad inta sakhraama wax xil leh faraha la gala. Filim aan dhammaaneyn baa habarta u shidnaa, dariishad bayna ka daawaneysey sidii laysu ixtiraami jirey, laysu xaq dhawri jirey, gabdhuhu u ahaayeen kuwo iyana dhawr- soon loogana haybaysan jirey. Way dhici jirtey inay mar mardhif ah iska dhacdo kufsasho, su’aashuse waxay ahayd waa kuma kan wax kufsanayaa?. Mid aan sinaba wax isugu falayn lana yaqaan inuu ceeb-u-joog yahay mooyaane cid kale uma hawoon jirin ceebtaa. Waa laysku ciqaabi jirey. Lama qarin kari jirin sida maantoo kale oo dadkaa si wada jirta anshaxa iyo asluubta u wada ilaalin jirey.
Shard iyo qawaaniin u dhigani haddaba way jiraan in gefafka lagu ilaaliyo, ha yeeshee, dadkan wada xilkas ahayn oo sida badan dantooda ka marsada tan guud dhuuni-raac iyo dhoohanaan ayaana iska badan.
Habartii waagii baa dusheeda ka baryey, iyadoo indhuhu casy- ihiin ayaa la soo toostoosay. Cabdi kac oo arag in Maryan ayan saakana quraac samayn. “Isagaa qashaye yuu ku eedayaa” bay habartu hoos la lahayd.
Ilmihii baa iyana kaakacay, intay indha-indheeyeen bay arkeen qoraac la’aanta meesha jirta. Aabbahood oo isna shaqa u qalab qaatay bay inta u yimaadeen lacag weydiisteen. farahuu ka saaray.
Cabdi markuu ogaaday in ilmihii bexeen buu inta Maryan u yimi yiri, “Maryan, saaka bal iska warran? Xalay ma gama’day?”.
Maryan oo aad marka u ladnayd xishoodkiina ka soo yare ! … nayo ayaa tiri, “waan ladnahay, xalay waan seexday.”

Cabdi baa qaadan waayey Maryan oo si fiican u hadlaysa. Markuu arkay intuu qoslay oo hoos ka rayreeyey buu yiri, “Eebbow mar noo ladnaysii aad baan ugu farxay ladnaantaada inkasta oon anigu ku yeelay wax kastoo ku gaaray anoo taa kuu qirsanna waan kaa abaal marinayaaye; igu ogsoonow. Waa ballan.”
Maryan aragtay siduu ugu jiljilicsan yahay. lyada welwelka hayaa waa gabarnimadeeda lagu xad gudbey oo kaliyaa. Way ogsooneyd in ayan ciirsi haysan, haddana wax kasta waxaa kala weynaa ceebtii ugu badnaydna la ahaa naagaysiga la naagaystaye xaaraanta ah. Mar alia markay gocataba ilma soo dhaafaysey, inay hadashay maagtay markaas ayay kariba weydey. Cabdi arag oo garay murugada Maryan haysa. Marar badan buu isku dayey inuu besabeseeyo, ha yeeshee, haddana way u mari la’ayd.
Isaga fallaaro kale ayaa ku taagnaa oo wuxuu aad uga sii cabsi qabey in xaaskiisii yimaado-iyadoo arrini sidaa tahay. Dhan kale wuxuu aad isaga ilaalinayaa in ilmuhu ogaadaan dabadeednaa hooyadood u sheegaan markay doontaba ha timaadee. Wuxuu kaloo aad iyo aad uga cabsi qabey in cidaha deriska ahgi ogaadaan dabadeed belaayo dillaacdo.
Isagoo waxaas oo dhammi is wada tusayaan oo aad u karkaba- daysan buu is tusay inuu ku mintido arrintan oyan sinnaba u baah- ine ay isaga, Maryan iyo hooyadi oo qura ah ku ekaato.
Shaqaduu tegi lahaa buu uga daahay besabesaynta Maryan. Lacag badan buu inta hooyadi ka qaaday faraha ka saarey hadalna wuxuu ka yiri, “Maryan, wixii dhacay dhece, arrintiina hadda dhex- deenay taal, iyadoo aynu isla garan karayno wixii samiyo xum- maanba dhici karay, taasoo innaga iyo dadnimadeenna ku xiran. Marka, middaaan ku leeyahay waxay tahay: Horta lacagtan ★adigaa iska leh oo waa xaal gefkii aan kugu sameeyey aan kaa siinayo, midda xigta hal baan kaa codsanayaa ah in aadan arrintan cid kale oon labadeenna ahayn ogeysiin-waa codsi weliba baryo ixtiraam mudani la socoto, sababta aan taa kaaga codsanayaa waxaan filayaa inaad garan kareysid.
“Waxaan ballan kuugu qaadayaa inaan ilkaha kuu sameeyo oo wax alia waxaad rabtid dahab, laf iyo waxaad doontidba galabtadan kuu geliyo, shaqo kale ood lacag badan ka qaadatid inaan ku geeyo,

inaan mar walba kaa war qabo oo xitaa hadday ii suura gasho aan ku dadaalo inaan ku guursado kaddib markaan qorsheheeda dejiyo. Dhar, dhaqan kale iyo xurmaba waan kuu ballan qaadayaayeadna ii ballan qaad inaad ii yeeleysid taan kaa codsaday, anoo gefkayga kuu qirsan.”
Maryan waa lagu soo kordhay waxayba layaabtay ninkan iyada la weynaa oo ilmaynaya hoosteedana yiil. Intay wax kale ka fekeri lahayd bay inta baryadiisii ka yaxyaxday lacagtiina ka qabatay waxay tiri, “anigu haddaad ballantaad qaadday oofineysid anna waan qaaday”.
Weli xishood iyo gabarnimaa wejigeedu la ciirayey. Hadalk- aana markay lahayd iyadoo fooraartay dhulka faraha marmariney- sey. Hadba intay daymo gaaban soo daysay haddiibana isha laabaysey hagoog yarna isku sii awdeysey.
Cabdi baa farxad ooyi gaarey Maryan markay jawaabtaa siisay, isagoo hadalka boobayana wuxuu yiri, “waa sidee Maryan dhaar waxaan kuugu marayaa inaan ballantaan qaaday oofiyo oo meel marsho. Haddana adoo mahadsan waxaynu yeeleynaa galabtaba ilkaha dahab baynu soo gelineynaa, lacagtaadaasna dhar waxaad rabtid ku soo gado. Haddii dad weydiiyo cidda dharka kuu gadday ilkahana kuu gelisey waxaad oranaysaa ciddaydii baa la iiga yimid”.
Maryan iyadoon hadlin bay madax ruxday taasoy ‘Haa’ tiri.
Cabdi intuu kacay oo salaamay buu yiri, “shaqaan hadda aad- ayaa Dawadii waad qaadanaysaa sidii horena u qaado. Haddii anoo maqan takhtarkii yimaadana u sheeg meel alia meeshii lagaa hayo oo waxba ha ka qarin waa mid isagu inala socdoo anaa hore u aamusiyaye”.
“Waa yahay” Maryan oo aan waxba sheexii ka bi’in baa tiri.
Cabdi gurigii buu sii xulxulay oo hooyadiina inta u tagey la socodsiiyey siduu u dajiyay arrinta, taasoo uu iyadana faray in iyaduna dhankeeda majaraha uga qabato.
“Bal waa yahaye iska shaqo tag, allaa xaal ogoo meel uu wax marinayo yaqaane,’’ habartii baa tiri. Intuusan gurigii kadhammaan ayaa habartii ka daba qaylisay “waar hooy ha moogaan reerku qado ma haystee”.

Cabdi aad buu u naxay markuu taa xusuustay, wax hadal ahna isagoon ka celin buu sii jiitey. Niyaddu ku sii qaatey inuu ama qado soo gado ama hadhow makhaayadaha dadka u qado geeyo.
Shaqadii oo laga sugayuu tegey. Wuxuu ka shaqeeyaa meel xafiis ahoo aad u shaqaale badan wax soo saarna aan aqoon. Waa xero maamul waxa laga shaqeeyaana waa waraaqo lays dhaaf- dhaafiyo, mar saxiix loo doonayo, mar iyaga la qorayo, mar wixii lagu qori lahaa laga wada la hadlayo, iyo mar aan waxba hayne been la kala gadayo.
Dadka meesha ka shaqeeyaa waa kutladkutlad ama koox siday isu yaqaaniin isula saaxiib ah. Sida badanna markii mid shaqada ka daaho kama duwana isagoo jooga oo kale sababtoo ah asxaabtii baa halkan buu joogey, xafiiskan buu hadda sii galayey iyo beena la mid ah u miisa.
Waraaqaha lays wada daba marinayaa kama taggana had- dayanba gal u ahayn tuugo iyo waxyaalo la mid ah. Marka dusha laga eego sida meesha shaqadu uga socoto iyo shaqaalaha dhaqd- haqaaqiisa waxaa la moodaa meel si cuius hawlo culusi uga soc- daan, ha yeeshee ruuxii hoos ugu dhaadhaca ama si fiican ugu kuur galaa wuxuu soo oganayaa sida beenta iyo danaysiga gaar loo kala gadayo.
Cabdi wuxuu ka mid ahaa kuwa ugu khatarsan hadduunan ahayn tuugada meeshaa deggene loo haysto inay dad iyo dal u shaqaynayaan kan ugu weyn. Isagoo wax daallane shaqo ka yimid iska dhigaya ayuu xafiiskiisii soo galay, markaasaa mid aad mood- dey inuu meeshaba ku sugayey soo boodey oo inta isaga u il jabiyey wuxuu yiri, “Ha anigu kuma lahaynoo”, wuxuu u hayaa nin kaloo isna xafiiska ku jiroo waraaqo sita, “xafiisyadan buu ku jiraaye yare sii sug”.
“Haa, anigu maxaan ka aqaan meelaad joogjoogtaan, halkan baan idin ku naqaan haddaan idin ka weynana idin weynaye” kii yimid baa yiri.
Cabdi wuu fahmey waxaa meesha ka socda, markaasuu kama jimcine sidii loo faray u gutey oo yiri, “iska daa waxaa oo dhanoo hadda maxaa daran? Annagu haddaan joognana shaqo qaran

baannu haynaa haddan maqannahayna ku maqannahaye”.
“Mayee wax kale maahee arrintii aynu isla ogeyn maxaan ka yeellaa? waad i garatey baan u malaynayaa?” Ninkii kalaa yiri.
. “Haa oo waxaan ku weydiiyey, adigu kii kale ma ka soo saxiixa- tay?” Cabdi oo hareeraha iska eegayaa yiri.
“Ba’aa ma nin aan taas soo dhammayn karin baad ii malaysay? haddanan soo dhammaynse ma anaa kuu iman lahaa. Arrintaasi waa dhan tahaye goormaa ayaa la ii rarayaa?” ninkii baa yiri.
“Gartaye, ma waddaa qaybtii kale?” Cabdi baa yiri
“Sidee weeye Cabdi maxaad saas ugu hadlaysaa?” Ninkii oo qoslayaa yiri
“Mayee wax kale ma ahee, waa hubinayey haddaad waddeyna waxba ma ahee soo dhiib. Adiguna dhaqsaa laguugu rari doonaa” Cabdi baa yiri. “Oo aa, waa yahaye iga qabo, tanna ii saxiix shaqaal- ahana ku amar inay degdeg u raraan aad baa loo doonayaaye”, ninkii baa inta hadalkaa yiri waraaqo badanoo isku duuduuban Cabdi soo hor dhigay.
Cabdi warqaddii tuugada ahayd ayuu saxiix ku duugey lacagti- ina wuu guddoomey. Tiradu dushay uga tiil kamana yarayn dhawr iyo taban kun. Waxaa ninka kale loo rarayey alaab ayan ahayn in qof kaligii laga iibsho ee ay tahay inta dadka la dhex dhigo haddana loo tafaariiqeeyo. ma ay dhicin taasi oo waxaa meel marsaday dhawr tuug ahoo shaqaale ku sheeg iyo ganacsato ah.
Cabdi ciilkii iyo caraduu saaka la soo toosey intay ka jabeen buu markaa farxad la taagnaan kari la’aa; Maryan baa inta biskootey haddana si sir ah ula heshiisey mar kalena lacag uunan filayn baa si fudud oo qabow ugu timid inkastoo uu dad kale la qaybsan doono uusan keli ku ahayn. Farxad way dhaaftay. Intuu boodboodey buu u yeeray dhawr shaqaale ah, amarna wuxuu ku siiyey inay alaabta raraan.
Shaqaaluhu way wada ogsoonaayeen,markaasay isugu baaq- deen illeen lufluf bay helaane.

Ninba waagi, waa beryaa cawadii, talo xumaatada dadkeed, tabar la’aaney ba\ Shard ninkii tabar lehow maal. Cood goos- mayow carar. Cambaareey ninkaa bi’i. Calafow wadkaa dhawr. Xaq darroy caarranaan tumo. Xaqow ciil la sologlee.
Maryan oo subixii dambecanjeelodubeysabaayarediiddayoo waxba arki weydey ilaa ay inta madaxa qabsatay indhahay wax ka arki weydey isku qabatay.
Dhawr bilood baa laga soo wareegay markaas ama subaxaa isaga ah habeenkii belaayadu heshay. Maryan may aqoon lamana socon dhaqammada iyo caadaadka loo ilaaliyo rimayga oo horay ulama ay kulmin cid u sheegtana daaba. Inkasta cyan aqoon had- dana way ogeyd in ayan dhiigii muddadaba helin. Aqoon uma ay lahayn arrintaa. Awal bayba ku dhib qabtey imaatinkiisa, marka hadduu kaba joogsadey iyadu waxay u malaysay libin iyada u soo hoyatay.
Isma ay ogeyn waxayse ahayd wallac ugub ahoo carcartiisa wata iyo weliba ciirsi la’aantiisa kaloo u dheer. Eebbow maxay noqon!
Markaa iyada ah xaaskii Cabdi waa joogey oo waayo hore ayuuba yimid. Cabdi isagoysan ka qasnayne sidiisii warqadihii isu daba marinaayoo halkiisii ka miisa ayuu isu haystey kan keliyee dariiqa toosan ku taagan aqoontana u leh sida ama loo shaqeeyo ama loo faano. Malahaas buu weligiba inta is fidhiqyo dadka kale tusaa aqoonyahanimo. Wax dhaliili jirey wuu faani jirey oo iska dhigi jirey nin birta calashadey.
Habartii weyneyde Maryan la socon lahayd waxna ogeysiin lahayd jirra xun baa dhulka dhigtay oo ku malaastay ilaa ayba isku darantoo waxba kala garan weydo walowba gabowna u dheeraayoo ay aad cuti u ahayd.
Maryan mar dambe oo xabbaddii canjeelada ahayd ee birta u saarrayd ay dhuxul noqotay carradiina qaac iyo ur ku qarisay bay miyirsatey. Armayba ku miyirsatey qaaca sanka ka galaye qur- muun. Way naxday oo birtii kula booddey. Waqtigu markaa waa
Ganacsadihii siduu doonayey degdeg baa loogu raray, jsna waxba ma daahino waa la dusey. Halkaas ayaa lagu kala tagey iyadoo nin *ba dhan u faa’iida qabo wax meeshaa ku daganina dad weynaha yihiin marka dhan walba laga eego, ama xag mooraal ha ahaato ama xag hantiyeede.
Ganacsidihii markuu tagay ayaa Cabdi inta siduu rabay, u soo fariistay Farax shaqaysan kari waayey. Lacagta markuu qaad- anayey cid arkeysay een labadooda ahayni ma jirin. Lacagtii buu kala qarqariyey si uu uga saaro illeen dhawr qof baa wadaagee. Intuu mid mesha kala shaqeeya u yeeray ee xoogaa u dhiibey buu ku yiri, “waxay ila tahay waad taqaan waxaad oran lahayd haddii cid i dooneysaa timaaddo”.
“Ah, ah, ah, ma waxaa ii malaysay wax aan waxba fahmayn, waa sidee Cabdi?” Ninkii kalaa yiri.
Cabdi baa hadal la’aan dib isaga laabtay oo intasuuqasii maray cunto ceeriin sii gaday. Gurigii buu geeyey oo Maryan weydiiyey inay wax karin kartiyo in kale, “Maryan, haddaan dabka kuu shido cuntaan keenaye ma agfariisan karaysaa?”.
Maryan oo markaa si fiican u ladan xagga mooraalka maahee xagga kaloo dhan sina weli u baqbaqaysa baa tiri, “waa yahay, waxbana dab ha shidine iska daa anaa karinayee”. Intay haddiiba soo booddey bay qadadii dhardhaartay, waqti yar intaan laga joog- inna diyaarisay.
Cuntada markay kari maagtay bay dab dariska u doontay. Reer- kii ugu horreeyaye ay u gasho baa su’aalo ku furay, “Alla waa Maryan! Naa xaggee ka dhacday ayaamahan miyaa jirratey?”
Maryan baa naxday oo waxay ku jawaabto garan weydey. Dadka su’aasha weydiinayey ayaa waxaa ku jirey habar da’ ahoo waayo-aragnimo u leh gabarnimada iyo naagnimadaba. Ishay geli- sey, markaasay hadal kajan ah ku tiri, “Aha, maxaad kaga daali wallee inannimo isma haysaane! walle waa addunyo gaddoon! Ma adeegtooyinkiina hadday nabadgelyo waayeen! Eebbow adduunkii hore fiicnaayaa”.
m
Habarta sidaa u hadlaysaa Maryan horay maalin walba u arki
jjrtey si qarsoodi ahna way ula socon jirtey hadba sidii wax ula soo
gudboonaadaan. Horay inta u xansatay way ka warqabtey inay
rriiskiin aan cid lahayn ahayd.
Mar cabbaar laga joogo markii Maryan dabkii qaadatay oy siiba
jeeddo bay hadal si qabow waxay u tiri, “hargab baa igu dhacay,
haddana waa ladnahay.”
Habartii hanjabeysey dhawaaqii habeenkii dhaweyd way maq-
leysey meelay u qaadayna garan la’ayd, haddayse meel u heshay,
may ahayn habartaasi mid xasarad iyo belo shid ka maran, haddana
way iska gaabsatay ilaa wax si kale iska dhigayeen amaba arkayso
arrin iyadu qaadaa dhig u baahan.
Maryan cuqda-hoosaad bay sii qaadday. Awalba way qabtay
haddana way sii darsatay. Qof fiirsha ama la hadlaba waxay u
qaadataa inuu iyada iyo waxa qabsaday wax ka ogyahay kana
sheegayo. Qadadii karisay oo la cun lana jiifsey. Cabdi hooyadii
sidii bay u yaabbanayd.
Goor la hurdo bogey mise waa takhtarkii oo ka tuuraya daaw-
ana sida, illeen waa nin wax cunaye. Cabdi baa uba qaadan waayey
takhtarkaad shalay dhibaatada ogeyd u martaa galabta iska yimid.
Inta la wada fariistaa shaah Maryan soo karisay la wada cabbey,
takhtarkii baa inta qosol gaaban qoslay yiri, “Allah, naago belo idin
heshay dhaawacaan ogaa bay qabtaa markaasay weliba
shaqaynaysaa!!!”
“War belaaya kugu dhacdaye yaynan ku maqale yare gaabso.
Naag kastoo si xun loo gudaba habeenka ugu horraysa way can-
tuugtaaye ma keligeed baa dhaawacu ku gaaryahay?” Cabdi ooyan
ka qasnayn baa yiri.
“War aamus, qaatil baa tahaye yaan lagu ogaane dhiigya caby-
°how,” takhtarkii oo qoslaya shaahana fiiqsanayaa yiri.
Dhan ay aaddaba halkaasaytalo rafanaysaa iyadoo Maryanta la
pashay haddana lagu shaqaysanayo weli iyadoo sidii hore ka sah-
lan loo cabbo. Ama loo soo sakhraamo oo la oran karo waa la fara
baray

aroor hore oon sidaa loo toostoosin Maryan iyo dhigeed mooyee. Waxa iyana jarmaadayey waa shaqada tirada badane aan waqtiga lahayn ee ay ka mid tahay inay afarta ilaa afartiyo barka kacdo ay canjeelo u diyaariso dadka guriga leh oo habarta dhul yaalka ah maahee inta kaloo dhammi ka wada shaqo tagi jireen.
Maryan shaqadaa tirada badani waa u joogto. Weligeed maalin lama nasin, loogamana jimcin, inta lala helay baa lagu daayey.
Cabdi wuu ka baxay ballantuu u qaaday, iyaduna waxba ma ay weydiin. Afada reerka lihi waxayba ka masayrsan tahay dahabka ilkaha ugu jira, inkasta oo been laga gaday looguna sheekeeyey cidda Maryan baa dahabkaa keentay. Afadu waxbay dareentay, inkastoynan xaqiiqdii helinna weli way dabo socotey oo waxbaa ka guuxayey. Cidaha deriska ah way xansatey, ha yeeshee weli wax dhab ah may helin.
Maryan intay canjeeladii diyaarisay baa haddana shaqadii dacal kalooy lahayd qabsatay. Is aragtay in ayan fiicnayn. Hargab iyo wax la mid ah bay u haysataa. Qof iyada yaqaanina marnaba meesha keensan maayo Maryan baa uur leh, maxaa yeelay loomaba malayn kareyn oo shakhsiyad aad u dhowrsoon edebtuna ku badan tahay bay ahayd. Hooskeeday ka cabsataa, magaaladana lama ay qabsan inkasta oy muddo aad u badan joogtey.
War jiraaba cakaaruu imane, subaxaa la kac, canjeeladii iyo shaahii laga wada laac, shaqadii baa loo wada faqdiirtay. Maryan iyadu waa qofka kaliyee dhammaan reerka isku xirkiisa, dhaqanki- isa iyo samaantiisa haysey. Hawl kastoo gurigaasi leeyahay weji kastaba ha lahaatee iyadaa ka mas’uul ahayd loogana hurdi jirey. wax kale iska daayoo habarta cutiga ah iyadaa u qubeyn jirtey gurigay dhiqi jirtey xaaqi jirtey, tirtiri jirtey oo dayac tiri jirtey intii itaalkeed ah, cuntada doonisteeda, karinteeda, qaybinteeda iyo wax alia wixii la xiriirana iskaba daa.
Afada reerku mar hore ayey dhashii iska joojisay oo muddo ka dhowr iyo toban sano galoot bay ahayd. Hawl kalayna halka Maryan uga furatay oo hadday ilmo daadin lahayd waxaa Maryan soo food saari lahaa oo kale ilmaha hawshooda.

Afadu shaqada meeshay ka shaqayso mooyee tan guriga waxba gacanna kama gaysato. lyada iyo Cabdi waa isku mid marka xagga guriga la eego.
Maryan bahal shaqo ah bay inta cantuugtay mantagtay. Waaba taasoo lagu soo kordhay. Waqtigay seexataa ama nasataa sinaba ugama badnaan jirin shan saac, maalinta inteeda kale waa shaqo u joog. Lacagta ay weli qaadaneysey waa intii ay ku bilowday, maxaa yeelay iyaduna kama dacwoon iyana uma siyaadin. Mar mar baa hadba dhaaraan xun lagutuuri jirey. Mardhexdaasahaydna waatuu xoogaa lacag ahoo sasab ah u laabay.
Maalinba maalin bay gurtay. Maryanna waa lagu soo kordhay. Awal madax wareer iyo diid bay xaajadu joogtaye markii dambe waxay timi lalabbo iyo mantag inay keento.
Subax baa la wada shaqo tagay Maryanna waxaa lagu dhaafay inay guriga ka sii shaqayso. Maryan intay dambiisheedii qaadatay bay suuqii aaddey. Kol ay meel dhexaad sii marayso ayay lalab- bootay. Mantag bay meel dariiq ahoo dadoo dhammi wada maray- een oo suuqa dacalkiisa ahayd isla rogtey. Habar ag mareysay baa tiri, “Ha beenaan! Waddankani ilmo khayrqaba siduu ugu baahan yahay maba ogtahay!”.
Mid kaloo ag mareysay baa iyana hadal kale soo tuurtayoo tiri, “Halse ma ogtahay in waxa mar kastaba ba’aa dumarka yihiine ragga ayba tumasho u tahay wax dhaliddu.”
Maryan way maqleysey hadallada meesha ka dhacayey ha yeeshee uma ay garan sida loo leeyahay iyo iyadaba in loola dan lahaa.
Sheeko caadi ah oo dadkani ku wada sheekaysanayaan ayey mood- eysey. Alla yaa u sheega! Yaa ogeysiiya!.
Waxay meeshii caacda gurtaba wixii uus caloosha ugu jirey baa dibadda yimid. Aad bay u dhibbooneyd. Xanuun xun baa qabtay. Derbi cidla ah bay iska fariisatay iyadoo itaalkeedu aad u yaraa, madax dayaan, lalabbo iyo calool maranoo dabayli dhex guuxey- sana la joogi la’.

Meeshay fadhiday waxay ahayd derbi cidlaahharsubaxeedkii; waxay aad uga cabsanaysay in mantagay mantagtay lagu ganaaxo oo magaaladii baad wasakhaysay la yiraahdo. Waxay mantagtaba did bay ku rogtaa oo way duugtaa.
Har subaxeedkii baa ka guuray qorraxdiina way ku soo dhalaal- isay. Meesha ay joogto cid kama taqaan aadna way u oomanayd, dadyowga meelaha marayaana umaba qabin qofay sidaa uga dhammayd oo dhegteedaan dilleyn ilaa iyo xad. Qof waliba inta deymo asturan siiyo ayuu iska dhaafayey. Ragga badidiisu wayba sii yara dheehanayeen, sababtoo ah ishoodey la macaaneyd. lyagu dhan kaley wax ka rogayeen. Layska war la’.
Goor dambe baa Maryan sara kacday; way sii luudday. Suuqii oo goor hore wixii fiicnaa oo yiil lagu kala tegay bay tagtay, hal- kaasoy iyadana dhibteeda u gaarka ah kala kulantay. Suugu waa meel cay badan, dadka joogaa carnal xun yahay, aan sinnaba laysu xaq dhowrin, aad mooddo in dadka inta u edeb daran laysugu soo ururiyey.
Maryan waxay rafataba, markii dambe iyadoo waxuun sidda ayey haddana dib isaga sii luudday. Waa goor dambe, gurigii oo hawsha ku sugaysaana tiro beeshay bay timid.
Jidkii intay sii socotay bay kaniiniga madaxa sii gadatay. way leqday, inkastoo uu yaredejiyey, haddanaarrintu madaxwareer ma ahayne waa hawl kaloo si walba uga sal iyo qaab duwan.
Qadadii bay dhardhaar maagtay taasoo aad ugu adkaatay. Way ka kacday oo meel agteeda ahayd inta iska fariisatay dhafoorada qabsatay.
Gurigu meel yare duwan buu ku yaal oo sahal deriska uguma yeeran karin inay u sii lugayso, u sii laabato mooyaane.
lyada oo meeshii fadhidaa hunqaaco soo dhaaftay. Aad bay inta uga naxday inay nadiifiso maagtay weyse awoodi weydey.
Maryan oo sidii u yaabban baa reerkii soo horraan yeeshay. Arke inaan dab shidnayn. Afkaa la wada buuray. Maryan markay joogi kari weydey bay salligeedii iska tagtay.

Horay ilmihii baa u yimide, habartii baa iyana soo dhacday Cabdi isagu safar buu saakadii hore ugu baxay gobollada dibadda ah halkaas oo uu bil iyo dhawr beri ku maqnaan doono.
Habartii reerku markay ogaatay inaan reerka maanta dab loo hurin bay intafurka tuurtay Maryan xaarxaaro ulatimi,“Naa kaalay, maxaad qado u karin weydey? Armaad aniga isu kay jirreysiisaa! Habartii baase xumaydse maanta saxaradii ma ka gurtay? Alla bal may taasi naga dhimato, maxay u nooshahay oo Eebbahay annaga noogu ciqaabayaa. Nat dheeraa nafta dhaqso u waayoo belo kugu soo dheelmatay.” Afadu ruuxay habaareysaa waa Sodohdeed – Cabdi hooyadii.
Maryan intay hoos ka baqday bay tiri, “Xanuun baa i hayoon wax la qaban kari la’ahay.” Maryan hadalkeedaa laga garan karaa inay tacbaan ahayd, cidise kama hoos qaadin.
“Oo waxaan ku weydiiyey, adigu ama jirranow ama ducay- snowe, hadda ma waxaan kaa akhrisanayaa maanta waa la qada la’ yahay! War illeen ibtilo!” Naagtii oo xanaaqsan baa tiri.
“Qadadii waan soo gaday, markaan keenayna waan nuuxsan waayey”, Maryan oo hadalkeeduba sii liito baa tiri.
Afadii reerka oo muddo ka dhowr sano aan dheri kor fariisan cunta sameyskiina illowdey baa qadadii aqooshay. Wax bay inta walaaqday iyadoo habaarka iyo hiifidda ka baxaysa tira beeshay, dadkii sugayey siisay. Maryan wax waa ka degi waayeen, cunta- duba waa u soo uraysey inay ku mantagtaana laga yaabey.
Dhawr jeer bay mantagtay intii qadada la karinayey. afadu way u jeeddaa Maryan, ha yeeshee waxba sidaa dani ugama hayso, oo waxay u haysataa in ama duumo hayso ama qaras waxa loo yaqaane caadi u ah dadka reer beledka ah.
Dadku badiba markii calooshu xanuunto, takhtar umatagaane farmashiyahay inta tagaan daawada bixidda soo gataan kuna shub- maan, taaso ay ku macneeyaan waan si qaras falayaa.
Afadii baa markay aragtay in xanuunka Maryan dhab yahay wiil ay dhashay inta lacag u dhiibtay waxay u dirtay daawada laysku qaras faalo.

Inankii haddiiba wuu keenay, Maryan baa la siiyey inta loo faanshay, ilaa iyo markaas cid ogi ma jirto Maryan waxa haya, iyada nafteeduna waa u war la’ayd. Daawadii bay qaadatay, mar alia markay qaadatayna way soo celisay. Cabbaar bay mantaggii miiseysey ilaa ayba suuxi gaartay.
Afadii si fiican bay markaas u qirsanayd xanuunka Maryan mid dhab ah inuu ahaa, aadna waxay uga welwelsaneyd ciidan la’aanta, weliba ciidanku waa is dhaamaaye kii Maryane aan wax loo dhigo iska daayoo aan la maqal. mar labaad bay been u malaysay oo waxay is tiri duumaa haysa, kaniinigii malaariyadey u dirtay. Haddi­iba waa la keenay, Maryan oon sidaaba u miyir qabin baa loo dhiibay si ay u leqdo.
Ay leqdo iska daayoo afka markay u dhaweysey bay mantag soo rogtay, waa laga dhaafay oo inta layska daayey sal I igeed i i loo dhaafay, waa la wada seexday Maryan mooyee dad kii kale.
Afadii baa hurdi weydey oo waxay aad uga walaacday jirrada Maryan, mid dhici karaysa ma ahayn, hadday dhacdase sahl, ma ahayn in afada reerku si kastay isu qaadqaaddo shaqada ama hawsha guriga meel mariso.
Waa guri aad u hawl badan, dhismo ahaan waa weynaa, habartii cutiga ahayd waa u dheerayd, magaalada meel rasan buu kaga yiil oo wasakhdiiisu joogtey ahayd.
Way isku dhabaqday oo inta madaxa is gashatay bay kala dareeri weydey, wax kasta waxaa ka darnaa afadii baaba shaqadii illowdey sidii loo qaban jirey.
Marar badan bay isku dayday inay adeegto kale doonato Mary- anna iska erido maadaama ay jirraneyd, ha yeeshee taa waxaa hakiyey hawlkarnimada Maryan lagu ogaaday iyo sidaan adeegto kale sahal loogu helayn. Inay baxnaanisay ku tashatay. Dhawr ayaamood baa sii jiitey iyadoo Maryan oo kufaakacaysa iyo afadii meeshii wax walaaqayeen.
Afadu inkastay reer beled iska dhigaysay haddana Maryan cis- bitaal ma ay geyn. armayba Maryan dan u ahayd taasi!

Cabdi)
Isagu shaqada uu ku maqnaa waa kontorool iyo inuu hantida dalka ee Wakaaladdiisa soo kormeero. Keligii ma ahee koox buu ka mid ahaa loo xilsaaray hawshaa, iyana dan kalayba malaha la meer- meerayeen, iyo siduu isba sheegayo inay iskood ugu danaystaan.
Maqnaanshaha cabdi wuxuu wax sii gaarsiinayey maryan iyo isagaba marka laga eego uurka Maryan, maxaa yeelay hadduu joogi lahaa laga yaabee in intuu fahmo xaajada uu kaba soo tuuri lahaa, muddadaasi talaa faro ka sii baxaysey.
Maalinba maalin bay gurtay. Maryan hunqaacaddii way jooj- isay. Aad iyo aad bay u caatowday. Aneemiya (dhiigyaraan) baa ku dhacday ilaa ay xawiifowdey oy xuub caaroo kale noqotay. Caloos- hii baa iskeentay.
Habeenkii dambe bay wax dareentay markaasay aad u naxday kaddib markay isku xirtay kufsashadii iyo waxa caloosheeda ka buuran, intay kor u booddey bay naxdin darteed qaylisay, “Alla ba’ay! Alla ba’ayl” bay tiri.
Intaa markay tirina beerkay dhulka dhigatay oo oohin aan kala go’ lahayn oodda ka qaadday. Waqtigu habeen la hurdo buu ahaa. Dhawaaqeedii baa afadii ku soo toostay iyadoo is tiri tuug baa soo dhacay. Maryan bay dul timi oo tiri “Naa maxaa dhacay?”
Ayaamuhu waa iska socdeen. maalin damboo la sugayey cabdi baa warqaddii isagii ka timid oraneysey laba saddex bilood oo kalaan maqnaanayaa. warqaddii waxay tiri, isagoo afadiisii u soo diray:
(Macaan,
“Annagu ladnaan, weli hawshii qarameed ee naloo xilsaaray baannu wadannaa. Awel muddadu bil iyo dhawr beri bay ahayd, haddaba waa la yare kordhiyey oo dhawr bilood baa laga dhigay, waxaan filayaa inaan muddo idinka maqnaan doono ee iska dadaala. Maqnaanshahaygu faa’iiduu inoo leeyahay oo adba waad garan karaysaa, lagana yaabee inaan guri kale inoo dhiso. marka adoo ku hurdi doona waa inaad reerkii waakaase majaraha u hay- saa, dhaqsana waad iga war heli doontaan. habartii ogsoonow. Nabadey.”

“Waxba ma dhicine anaa baqay”, Maryan oon weli oohintii joojine hoosta ka waddey baa tiri.
“Maxaad ka baqday?” Afadii baa tiri.
“Belaayaan arkay waan riyoonayey markaasaan naxay,” Maryan baa tiri. Afadii baa guriga iriddiisii inta fiirfiirisay dib isaga laabatay oo seexatay.
Maryan harga waraabaa alia u riday, si ay wax yeesho bay garan weydey. Hadba gacantay caloosha la gashaa, way taataabataa oo haddana kala soo booddaa. Dhul iyo cir meel qaadatay weydey. Wixii iyada uurka ugu jirey bay ka diiddey siday meelay ka aadeyso ogtahay. “o’ o’ o’ o’, belaayo waa adoon iska jirin sidan oo kale kuu soo ballaysay illeen” bay iskula hadashay.
Maryan awal waa lagu yaraaye markaasaa belo ciddiyaha ula soo baxday, xaggey wax marisaa! Maxay sameyn karaysey?.
Uurkii maalinba maalinta ka dambaysa wuu soo korayey Maryan waxay isku dayday inay inta qariso aan la ogaan ilaa Cabdi ka imaanayo, maxaa yeelay ka hor haddii la ogaado waa laeryayaa. Maryey isku duuduubtey, way is hambaabushey oo hadba inta dharka badsato dundumo guureysa iska dhigtey.
Intay dadaali kartey daadaashay. Afaduna waxba sidaa isu- guma sii taxallujin is dabdaboolkeeda waxayba u qaadatay wadaad nooca cusub ah.
Waxay sidii iska ahaataba maalintii dambaa waxaa yimid ninkii cabdi la oran jirey. Markaa uu imaanayey su’aal baa xaafadda ka furantay ah “Maryan ma uur bay leedahay mise xertay raacday?”
Maalintuu yimidba wuxuu aad ula yaabay sida Maryan isu dha- lan rogtaye ay u midab iyo muuqaal geddoontey. Isagoon waxba loo sheegin buu haddana yare shakiyey illeen tub qabaa takaray- sane. Hoos ahaan buu ugu kuur galay ilaa uu hubiyey iney jimic tahay oy inta kol hore dhaysisay dabacdey. Lugahaaba barbararan. Wuu yare aamusay bal sida xaal noqdo. Isagu wuxuu is lahaa afaddaadu way ogsoon tahayoo way kuu sheegi doontaa. Aad buuna u dhilla qabey ha yeeshee ma dhicin.

Afadii baa yaabtay oo garan weydey wuxuu u jeedo. Intay cabbaar hadalkiiba ka hakatay baytiri,“Kumagaranewaasidee, ma waxaadan garan hadalkaan ku iri?”
“Naa waxaasi hadal ma ahee soo af baro” Cabdi oo indhaha caddeynayaa yiri.
“Hadal ahaan lahaayaa iyo ma ahaadeenba wellee Maryan waa xaamil. Haddaadse taa ka gubaneyso adaa cirka roob ku og,” Afadi- iyoo garan la’ wuxuu u dan lahaa baa tiri.
Cabdi baa soo degey oo inta wax fahmay yiri, “Naa si kalaan u qaataye, ma waxaad i tiri Maryan baa uur leh?”
“Haa, maad is waashid ! weligeedba intay badda quustay had- how tiraahdaa weligay biyo ma arag” afadii baa tiri.
Hadalkan oy si kale u tiri baa isagii haddana sii shaki geliyey, intuu garabka ka taabtay buu yiri, “Lillaahi ma uur bay leedahay? ma Maryan baa uur leh? Booyaalow goormay miskiintanna u laabeenl”.
“Waar goorey u laabeen anigu garanmaayee waa in aynu si u gallaa qoftan oo hadday nin leedahaynaay raadsataa haddey wacal siddana aan kabaheeda u tuurnaa, illeen sidaan kuma wada joogey- nee, haddey adiga si kale kula tahayna soo daa” afadii baa tiri.
Cabdi oo iska dhigaya nin war moog ah, baa yiri, “Oo hadda ma waxaad leedahay qoftan Maryan ahi waa xaamil? Booyaaloow waa meeqa bilood?”.
“Horta maxaad isu yeelyeeshaa, ma qof been sheegtaan kuula ekahay adigubase orod indhahaaga ku soo daawo, illeen waatan oo waa joogtaaye” afadiiyoo isaga ka xanaaqsan baa tiri.
Cabdi arag inay arrin dhaaman tahay, intaa uu hadlayey dhug uma hayne wuxuu ka fekerayay meeshuu wax marin lahaa, hadba rneel kuu ‘s^a tusaa, mar buu is tusay inuu inta baabuurka ku qaado 00 meel cidla ah geeyo inuu dilo, mar wuxuu is yiri ma mehersataa sdoo ka dhigaya sidii adoo waa hore guursaday, mar kale wuxuu is usay inuu siduu horey u sasabay haddana inta u sasabo uu been ka 9sdo, mar kale haddana wuxuu is tusay inuu ilmaha ka soo baxsho lntLJu lacag bixiyo takhtarna gado.
Maryan iyana dhan bay kalagaadeysey, inay u sheegto. Firaaq- ayba u la’ayd. Maalinba maalinteed, afadii baa maalintii dambe u soo barqo tagtay, taasoo ay ka dultimid Maryan oo si u rasan calooshuna dibadda taal, naxdin bay haq tiri. Intay haddana u qaadan weydey bay indhaha marmaratay. Way shakiday oo sinaba u rumeysan weydey in Maryan uur intaa le’eg lahayd. Waxay is weydiisey, “Oo maxaan hadda ka horoodhan u arki waayey, wuxuu uur ma aha ee maiaha maantaa la korshay”.
Afadii waxaa kaloo sii shaki geliyey Maryan baa markay aragtay sidii nabar xun lala haleelay inta bootin is qaadday dharkay qabtey isku awdawdey. Way isa sara taagtay oo xeydxeydatay.
Afadii baa si toos ah loogu dhibcay. Waxyaalo badan oyan u fiirsan jirin bay gadaal u gocatay sida waagay matagi jirtay, cagaha bararan, is dabdaboolkeeda, firfircoonaan yaraanteeda, caata bad- nideeda iyo dhiig yaraanteeda.
Afadii baa waxaa ka soo haray, “Haa, markaad wax aragtid ama laguu sheegaad wax garataa! Awel oo dhan dheg weyn baan ahaa. wallee inaan Maryan ciidankeeda la calfaneyn waan iska arkayey.” lyadu markay hadalkaas is lahayd labo hal bay is lahayd, in la guursaday oo dibadda ay ku rintay iyo in wacal loo laabay. Waxay ka gaabsatay inay Maryan weydiiso.
Maalintaa iyadoo Maryanna ka naxday aragga caloosheeda la arkay, afadiina waxay aragtay la aamustay baa qadadii la soo gabraday.
Cabdi dhankiisa dhiilladu way u saarneyd. Maryan aad bay u raadisaa inay isaga u firaaqo hesho si ay faraha xaqiiqada ugu saarto. Ilmaha naftoodu wax dareeme kamase ay hadlin.
Tuhmadii, ciilkii, amakaaggii iyo saxariirkii baa xargihii hayey xajin waayeen. Afadii baa maalintii dambe Cabdi inta afka u soo dhaweysey’ waxay tiri, “War hal ma ogtahay in Maryan uur leedahay?”
Cabdi baa u qaatay in la leeyahay Maryan maxaad u kufsatay waatanoo uur bay yeelataye. Intuu kor u booddey buu yiri, “Maxaa sidaa iigula hadleysaa? Waad af xun tahaye beddel waxaan aad ku hadleysid!”

Dhanna wuu ku adkeysan kari la’aa, iyadoon go’aan laga gaarin ha yeeshee laysla gartay in mar kale laga wada hadlo Cabdina rabo inuu dhan uun ka gaarsiiyo, ayaa layska kala tegey.
Goor ay galab ahayd Cabdina guriga ka maqnaa ayaa afadii Maryan u yeertay oo weydiisey, “Naa Maryan bal kaalay,” laba- dooda oo keliya ayaa markaa meesha fadhiyey, “waxaan ku weydi- iyey, waxaad iiga warrantaa waxa kaa buuran?”
Maryan baa naxdin caloosha loo dhaafay inay baxdana kuba sigatay. Belaayooy dabkaaga hurso. Hadal baa Maryan laga dha- wrayey iyana weyba qallashay.
Afadii aragtay in arrini Maryan ku dhantahay oy si xun uga nixisay, iyadoo is leh ka yara debci, bay tiri, “Maya waxba adoon nixin, waxaad yeeleysaa, waxakani waa iska caadiye ii sheeg hana iga cabsan illeen anay waajib igu tahay inaan wax kaala qabtee. Waxba wixii xun ahaanjira layskama indha-saabee, hadbasidii wax uga qabsami karaan ayaa looga qabtaa, waxaan kuu ballan qaad- ayaa inaan sidii hooyadaa oo kale kuula kalkaaliyee, ii warran.”
Maryan oo hubta waxay tali doonto afada sidan u hadleysaa markii run
markii runta meesha taa
Maalintaa iyadoo Maryanna ka naxday aragga caloosheeda la arkay, afadiina waxay aragtay la aamustay baa qadadii la soo gabraday.
Cabdi dhankiisa dhiilladu way u saarneyd. Maryan aad bay u raadisaa inay isaga u firaaqo hesho si ay faraha xaqiiqada ugu saarto. Ilmaha naftoodu wax dareeme kamase ay hadlin.
Tuhmadii, ciilkii, amakaaggii iyo saxariirkii baa xargihii hayey xajin waayeen. Afadii baa maalintii dambe Cabdi inta afka u soo dhaweysey waxay tiri, “War hal ma ogtahay in Maryan uur leedahay?”

Cabdi baa u qaatay in la leeyahay Maryan maxaad u kufsatay waatanoo uur bay yeelataye. Intuu kor u booddey buu yiri, “Maxaa sidaa iigula hadleysaa? Waad af xun tahaye beddel waxaan aad ku hadleysid!”
Afadii baa yaabtay oo garan weydey wuxuu u jeedo. Intay cabbaar hadalkiiba ka hakatay bay tiri, “Kumagarane waasidee, ma waxaadan garan hadalkaan ku iri?”
“Naa waxaasi hadal ma ahee soo af baro” Cabdi oo indhaha caddeynayaa yiri.
“Hadal ahaan lahaayaa iyo ma ahaadeenba wellee Maryan waa xaamil. Haddaadse taa ka gubaneyso adaa cirka roob ku og,” Afadi- iyoo garan la’ wuxuu u dan lahaa baa tiri.
Cabdi baa soo degey oo inta wax fahmay yiri, “Naa si kalaan u qaataye, ma waxaad i tiri Maryan baa uur leh?”
“Haa, maad is waashid ! weligeedba intay badda quustay had- how tiraahdaa weligay biyo ma arag” afadii baa tiri.
Hadalkan oy si kale u tiri baa isagii haddana sii shaki geliyey, intuu garabka ka taabtay buu yiri, “Lillaahi ma uur bay leedahay? ma Maryan baa uur leh? Booyaalow goormay miskiintanna u laabeen!”.
“Waar goorey u laabeen anigu garanmaayee waa in aynu si u gallaa qoftan oo hadday nin leedahayna ay raadsataa haddey wacal siddana aan kabaheeda u tuurnaa, illeen sidaan kuma wada joogey- nee, haddey adiga si kale kula tahayna soo daa” afadii baa tiri.
Cabdi oo iska dhigaya nin war moog ah, baa yiri, “Oo hadda ma waxaad leedahay qoftan Maryan ahi waa xaamil? Booyaaloow waa meeqa bilood?”.
“Horta maxaad isu yeelyeeshaa, ma qof been sheegtaan kuula ekahay adigubase orod indhahaaga ku soo daawo, illeen waatan oo waa joogtaaye” afadiiyoo isaga ka xanaaqsan baa tiri.

Cabdi arag inay arrin dhaaman tahay, intaa uu hadlayey dhug uma hayne wuxuu ka fekerayay meeshuu wax marin lahaa, hadba meel buu iska tusaa, mar buu is tusay inuu inta baabuurka ku qaado oo meel cidla ah geeyo inuu dilo, mar wuxuu is yiri ma mehersataa adoo ka dhigaya sidii adoo waa hore guursaday, mar kale wuxuu is tusay inuu siduu horey u sasabay haddana inta u sasabo uu been ka gado, mar kale haddana wuxuu is tusay inuu ilmaha ka soo baxsho intuu lacag bixiyo takhtarna gado.
Dhanna wuu ku adkeysan kari la’aa, iyadoon go’aan laga gaarin ha yeeshee laysla gartay in mar kale laga wada hadlo Cabdina rabo inuu dhan uun ka gaarsiiyo, ayaa layska kala tegey.
Goor ay galab ahayd Cabdina guriga ka maqnaa ayaa afadii Maryan u yeertay oo weydiisey, “Naa Maryan bal kaalay,” laba- dooda oo keliya ayaa markaa meesha fadhiyey, “waxaan ku weydi- iyey, waxaad iiga warrantaa waxa kaa buuran?”
Maryan baa naxdin caloosha loo dhaafay inay baxdana kuba sigatay. Belaayooy dabkaaga hurso. Hadal baa Maryan laga dha- wrayey iyana weyba qallashay.
Afadii aragtay in arrini Maryan ku dhantahay oy si xun uga nixisay, iyadoo is leh ka yara debci, bay tiri, “Maya waxba adoon nixin, waxaad yeeleysaa, waxakani waa iska caadiye ii sheeg hana iga cabsan illeen anay waajib igu tahay inaan wax kaala qabtee. Waxba wixii xun ahaan jira layskama indha-saabee, hadba sidii wax uga qabsami karaan ayaa looga qabtaa, waxaan kuu ballan qaad- ayaa inaan sidii hooyadaa oo kale kuula kalkaaliyee, ii warran.”
Maryan oo hubta waxay fali doonto afada sidan u hadleysaa markii runta meesha taal faraha laga saaro baa go’aansatay inay warranto illeen waxba uma dhowrsoono furkay tuuraysaaye. Wejigay inta gacanta marisay oo candhuuf liqday tiri, “adigu nixi lahaydaa iyo farxi lahaydaaba runtaanoo sheegaya waxa uurka iiga buurani waa ilmo, ninkaagana leh. Isagaa inta weliba i kufsaday waagaad maqnayd oo dhaawac iigu daray haddana lahankan maanta aan la salaglaynayo igu reebay.”

Maryan oo weli hadalkii wadataa afadii kor u booddey oo bar- oor qabsatay. Way rumeysatay hadalka Maryan. Si baaba loo galayoo wax khafiifay bay u muuqatay, waxay bilowday hadar iyo isla hadal, “Waan u malaynayey! Maxaan kagadaali dhillay xun inuu yahay weligayba waan ogaaye! Ha, kaligaa kuguma ahee meel kastuu la wareegayaa, lagaa gooyoo aabbahaa… Allaylehe had- daanan kaaba go’in anaan naag ahayn. Naa maxaad tiri! Armuuba qabaa oy iga qarinaysaa”
Afadii wareer baa inta galay, wax ka saarana in la helo way adkayd. Arrintii awel Maryan joogtay haddana way ka af iyo addimo dheeraatay oo meelo kaley ku dhiidhiibsatay. Meelo badan bay dab hulaaqsiisay.
Cabbaar iyadoo laga joogo markii Maryan hadashay, afaduna in mudda ahba ay isku buuqaysay ayey mardambe intay Maryan oo qada karinaysa sina u yaabban inta dul timid ku soo haliishay oo inay rifto u hollatay.
Maryan aragtay in naagtu iyada maaganayd, way istaagtay oo is tiri hadday kugu soo duufto iska dhici kaama tabar roonee.
Naagtii haddana dib bay u hakatay intay dib u xisaabtantay. Waxay is tiri wax hubso illeen hubsiino hal baalasiistaaye.Xaajadi- iba waxay u rogtey inay Maryan xog wareysato, dabadeedna iyadoo wixii jiraba og ay ku dagaal gasho.
Maryantii awel dagaalka u hinqatay baa waxay aragtay gacan ku soo socotoo u eg gacan nabadgelyo, weyba u qaadan weydey. gacantii waxay soo socotaba Maryan bay garabka ka taabatay, sidii waalidna intay si dabacsan u taabtay bay tiri, “Maryan, maxaad u booddey, miyaad iga cabsatay oo hadalladeydii baa dhiillo ku geliyey. Aniga waxba ha iga cabsane bal ii warran? Ninkan baasi goormuu ku kufsaday? maxaa isu kiin keenay? Miyaan goobtuu kugu kufsanayey cidi joogin, mise adaa raalli ka ahaa?”
Maryan oo aad uga xanaaqdey erayga, ‘Maadaa raalli ka ahaa’ baa kor u hinqatay si hiifid ahna waxay u tir, “Adaa raalli kaahaaaa! Haddaan raalli ka ahaa maxaaba kufsiga meesha keenay!”

Maryan markay intaa tiri welina war iyo faahfaahin laga sugayo ayaa wax cululubteen oo waxay is tustay in warsheekadani ayan iyada waxba u kordhin doonin, maxaa yeelay horayba waatii inta loo siray aan haddana waxba loo qabane badda laga waraabshey.
lyadoo aad uga qanacsan wax sheegsheegga hadal tiriyofaal- lana aan waxba diyaar u ahayn bay tiri, “Waxaan ogahay waa intaa, haddaad dooneysid sidii la ii galayna mid aan geli karayo ma ahoo anaan dooneyn.”
Afadii baa aad uga xumaatay hadalka inta loo daaray haddana laga xirtay, iyadoo aad iyo aad u dooneysey inay dhaqso u ogaato wixii dhacay iyo dhiiqada faraha lagula jiro.
“Naa maxaad u dan leedahay! Maad ii warrantid sowdigii i yiri… ee … ee ee waan kuu warramayaa. Mise lacag baad iga rabtaa inaan haddaba faraha kaa saaro?”.
Intaasi markay gaartay ayaa sharqani soo yeertay. Afadii baa aad uga naxday oo waxay mooddey Cabdi, waxay aad uga xumayd arrinta laga kala ridayo iyadoon sidey rabtey u helin waxa meesha jira. Sharqantu Cabdi ma ahayne ilmihii dugsiga jirey oo ka soo laabtay bay ahaayeen. lyaga laftooda lama mahadinayn, maxaa yeelay looma rabin inay wax maqlaan.
Afadii si ay Maryan ugu keliyeysato bay ilmihii oo dhawr ahaa intay u wada yeertay mid walba wax gooni ah suuqa uga dirtay.
“Waryaaya, alia ma idin keenay? Kaalaya kulligiin shaqaa lay- diin wada dirayaaye. Adigu shaneemada soo eeg filimka caawa ka socda, adigu sigaar baad soo gadaysaa, adigu kan sii raac waxaad soo gadaysaan babaay fiican”. Afadii oo ilmihii kala masaafurinaysa baa amarradaa bixisay.
Maryan way fahamtey waxa meesha ka socdoo dhan, maxaa yeelay shaqooyinkay gaybinayso oo dhammi waa ina wax kama jiraan, haddaybase jiri lahaayeen iyadaa loo wada diri lahaa.
Waxaadba mooddaa in markii ugu horreysaye Maryan oo joogta ilamaha shaqo loo diray ay ahayd waxbaase u sabab ahayoo looga dan lahaa.

Ilmihii baa yare ka wada madax adaygay inay dhaqso u tagaan oo biyo cabid, buugag dhigasho iyo waxayba ka bixi waayeen gunucgunuc ay hoos ka wada leeyihiin maa adeegtada loo diro iyaday shaqo u tahaye.
Hooyadii markay aragtay ilmaha cagajiidkooda ayna aad ugu degdegeysey arrintaa inay ogaato ka hor intaan Cabdi soo gelin oo uunan shaqada ka soo rawixin bay ilmihii xaarxaaro ku waashay si ay u baxaan, sidii iyo ka sii daran iyagoo u wada ciil qaboo niyadda ka wada habaarramaya bay bexeen. Socod ma ahayn waxay soco- nayeene cagahay jiidayeen, iyagoon waxba weli irriddii ka bixine sii hiiftamaya bay iyadiina Maryan ku bilowday su’aalihii.
Maryan horay waatay ugu tashataye dan la’aan bay ugu xiiqay- sey. Maryan waxay ahayd qof quus taaganoo ayan sinaba u marayn. Dabkaa demi haddii la yiraahdo way sii afuufaysaa, maxaa yeelay wax nolol ahoo u haray iyo meelay ka doonto midna uma jeedin.
“Naa miyaadan dhega lahayn?” afadii oo is xanaajinaysa baa tiri.
“Dhego intaan leeyahay baan weliba cufaysanayaaye maxaad ka oran! Miyaad i khasbi intaa ka badan” Maryan oo iyana dhan- keeda ka tufaysaa tiri.
Afadii baa waxay maagtay inay Maryan ku soo booddo oo illeen waatanoo hadli weydaye kaga hadalsiiso. Aad iyo aad bay furka u tuuraysey, si kale uma garatide kama duwana rati qooqanoo rati kaloo qooqan inta arkay u boola xoortaynaya.
Afadii oo usoofaarumayasatay duufid iyodagaal, Maryannaay diyaar u ahayd baa mar kale sharqani soo yeertay, mise waaba Cabdi.
Hoos baa la wada eegay oo inta hubkii la sitay la dhigay waxaa layska wada dhigay dad qabow oo nabdoon. Mid Kastaase dabka hoosteeda ka kulaaqayey waa mid dambaaburadiisu cirka gaari doonto.
Afadii intay iska dhaqaaqday bay qolkeedii aaddey oo inta ka rogtay si kale u saartay.

Qolka waxay u aadday si ay Cabdi dagaal ugu qaaddo illeen waatanoo Maryan dhiillana geiisay una warrami weydaye. Meeley wax ka bilwdase way haysey oo waa tii loo guud maray arrinta.
Maryan dhankeeddey iyana Cabdi ugu cokanayd. Way ogsoon- ayd inayan gurigan joogi doonin, meelay aaddana garan maynoo belaa alia baday-wacal bay rimmanayd. Itaal ma ay hayso awoodna iskaba daa oo horaa inta loo dhiigmiirtay dhan walba loo baaba’shay.
Afadii markay qolkeedii soo gashay Cabdina uu inta jikadii soo galay uu damcay inuu sigaar ka shito ayaa Maryan inta gacanta qabsatay si muusannow ku jiro waxay u tiri, “Cabdi, i maqal, caloos- hayda arag, ballanteenniinaxusuuso! Maantaama waadhimanayaa ama waad i badbaadinaysaal”.
Cabdi intuu qaboobay oo ku sigtay inuuba suuxo buu gacan- teedii iska qabtay. Hadba dhan buu eegay oo in xaaskiisii maqlayo moodey. Yaa ogeysiiya war mooge! Isagu damac inuu iska furfuro, ha yeeshee, wuu awoodi waayey taa. Aad iyo aad buu u yaxyaxay, si uu wax yeelana heli waa. Afkii baa labo daan noqday, indhihiina wayba jillaadmeen.
Intuu hoos ula faqay buu yiri, “Inaan llaahay ku ceebeyn iga aamus anaa ballan kuu qaadaya inaan si uun ku oran doonee.”
Maryan hadal waxay tiri, “Horaad ii sirtay maantase ima sasabi karaysid, inaad i sirtid iskaba daayoo! Haddeerba ii sheeg sidaad i yeeli lahayd, haddii kale kuma sii deynayo waanan qeylinayaa ilaa cirka iyo dhulku is-qabsadaan.”
Maryan markay hadalladaa lahayd ilmada ka daadaneysay dad way u qubeyn karaysay. Hadalkana siday u lahayd wuxuu ahaa gariir iyo tufid.
VII
Afadii baa daahsatay cabdi oo inta soo baxday iyadoo dhuuk- inaysa waxay ku soo laabatay Cabdi oo Maryan garbaha haya iyo Maryan oo iyana ku maran. Qofba meesha bugtaa isagay belbes- haaye iyadii waxay si toos ah u macneysatay in lays dhundhuka-

nayo, illeen iyada waxa hayaa waa maseyr iyo ninkaba lagaa qaadye. Cabdi iyada waa ka sii jeedaa, Maryanna iyadoo ku soo jeedda ayaa isagu ku qarinayaa.
Gadaal bay inta kaga timid kuna soo boodday qoob iyo qaylo isku soo dartay, ‘‘Sii daa alia kaa soo qabayoo iimaanka lagaa qaadye! War ma waxanay keeneen! Alla anaa iska balanbalay! Belaayaan soo xeraystay! Alla dullisanaayee, waa goorma! Waa mar ay inta wax isu dhaleen la kala jiifi-jiidaye! Maxaan ka noolahay anigu hadda!”
Jikada dhexdeedii ayaa qayladu dalluuntay. Maryan baa iyana awel way ooyeysaye sii sal ka kacday dhenkeedana qabatay qayla- dii. Cabdi intay ka fariirtay kana qoyday buuba garan la’aa si alia si uu wax yeelo. Afadiisii, Xaadsan, buu damcay qabo. Gacmahay dhabarka isaga kaga tumeysay buu qabo maagay markaasey illeen waa qof dagaallansane inta ka fara baxday Maryanna weerartay. Kol dhowr feer iyo xagasho Maryan ku tageen buu qabtay Xaadsan.
Aad bay isugu dayday inay ka fara baxdo. Mana joogsan oo intay itaal lahayd bay ku mintidaysey inay ka fara baxdo oo dag- aalka waddo.
Intii uu hayey waxaa isaga ku socday qandhuufo, xagasho, qaniinyo, hoos ka haraatiin, jilib laab. Aad bay u keylameysey, faraha ayuuna kaga gubtay, qaylada ka soo burqanaysana wax kaleyba ahayd.
Cabdi waxba wax baa uga darraaye, tan isaga belaayada ku noqotay waxay ahayd tan Maryan meesha la soo taagnayd iyadoo meel agtooda ah oohin la taagnayd dhar ku sheeg ay qabtayna inta laga rifay calooshiiba bannaanka tiil. Hadba hoos buu u deymoon- ayey markaas ayuu sii naxayey.
Iyadoo sidii laysu hays-haysto, habartii iyo odaygii legda- mayaan, Maryan iyadoo gol qaawan agtooda oohin murugo leh la taagan tahay, mise waa ilmihii oo didayoo shaqadii loo diray ka soo wada dhalaalay. Weli qayladii ma demine hooyadood baa daacay- sey, “Ballan waxaan ku qaaday in aniga iyo adeegtadaan rifrifka badan aan gurigaan nala ku wada qabin! I sii daa wixii ku dhalay alia cadaabye. Naa muxuu i mooday ma ri’ rimanoo inta uu meesha ku xirtay caanaha ka maalayo. Waheey anaa iska dhintay! Waan

arkayey anigiyo dheg-weynideyda! Cumrigaaga ceeb ku dham- maysoo calafkaa go’ waa tanoo kale! Maxaan u soo noolaa haddey taniba ii dambeysay!”
Ubadkii intay aad u yaabeen bay indhaha uun taagayeen. Garte sida sheekadu u dhacaysey waxbase kama qaban kareyn oo waa looga ilka waaweynaa, hadday base maagaan cid baan ka dhegeysaneyn.
“Naa bal aamus oo wax hubso intaanad dharkaaga ka cararin. Bal ina keen aan qolkeenna tagnee?” Cabdi isagoo Xaadsan u sii jiidaya qolkay seexan jireen buu lahaa:
“Bal Muslin allow dhegeysta maanka laga qaad intuu horey ii dilay iina duudsiyey ayuu haddana i duugayaaye. Ku raaci maayee i sii daa aan kuwii i dhalay ilana dhashay aadee. Awelbaanaa waallaa oo ku soo doontay anoon ka fiirsan”. Xaadsan oo ka soo taagan inay raacdo baa tiri. Waxay uga googo’nayd inay irridda ka baxdoo duddo.
Cabdi markuu arkay inay soo taagan tahay si loo sasabaana taggan tahay buu dhan kale arrintii uga wareegay. Laba feer iyo dhawr dhar-baaxoo is-gudub ah ayuu kaga soo qaaday, halkaasay inta isku gudo dhacday haddiiba hadalkii deysey.
“Waan ku baryeynaa markaas baad afka noo sii taageysaa! Ballan baan ku qaaday inaad xumaan, qallax iyo qamaanyo aad ku caanaysid. Fariiso halkaas af janjeera lahayde” Cabdi baa inta sari- irtay wada seexan jireen ku kalatuuray Xaadsan oojugo cuius qabta haddana uga daba tagay sidaa kumadeyne. Wuxuu ku waalaycabsi gelin iyo inuu meel xille kaga soo hari doono.
Aad bay inta u baqday indhahana taagtay. Shib bay tiri oo inta sariirtii isku kaduudday sidii biiq la qabtay dhegta raaricisay. Waxay u muuqatay qof inta laga guuleystay gegi cidla ah ciirsi la’aan la balan-balaysa.
Cabdi markuu arkay inay is-dhiibtay buu haddana dhan kale u rogay arrintii. Xaadsan buu inta soo qabsaday dhunkasho u dhiibay. Cabbaar buu ku hayey, weliba mid reer magaaloo af iyo af ahe aan can iyo af ahayn sida reer miyiga. Sidii isagoo kaga aar-goosanaya ayuu ku cabburiyey ilaa ay iyadoo u qaadan la’ ay hoos iskala

hadashay, oy is-tiri, ‘‘Muxuu inta kuu dilay haddana kuu baashiyey- nayaa, miyeyna taasi kaa adki iyo sidaan rabaan kaa yeeli karaa ahayn” inay cunuq-cunuq tiraahday damacday haddana la ahaan wayday oo way baqday, sababtoo ah horaa nabarro ayan qaadi karin ugu dheceen.
lyadoo is-dhiibtey oo isagu iska haaligayo, hadalna ay deysey buu ka soo go’ay oo yiri, “Maqal Xaadsan; anigu runtaan kuu sheeg- ayaa, wanaaggeennana waan ka talinayaayo waa igu wallaahi. Horta anoo dhaar kuu maray runtii waa tane ila arag, si walaaltin- nimo ahna iila lafa gur; waxaa jirtay in waagii aad maqnayd aan habeen fara-xumeeyey yartan, dabadeednaay sida muuqatahalkaa ka qaadday. Weligey habeenkaa maahee kitaab baan ka marayaa. Laga soo bilaabo habeenkaa qulub iyo murugey igu haysey oo weligeyba waan ka feejigaa una toog hayey inay qaaddiyo in kale. Ayaantii dhoweyde aan soo laabtay baan horay ka arkay inay xaam- ilo tahay. Maalintii dhoweyd markaad i weydiineysey anoo ogsoon oo beerku i xanuunayo ayaan haddana ka muquuranayey. Hadda markaad na soo weerartay iyadaa meesha igu qabsatay oo i lahayd si uun ii gal maadaama aad sidaa ii gashay, adna waxaad moodday inaan baashaynayoo taasi aniga iyo iyada caadi noo tahay.
“Si kastaba arrintu ha ahaatee, runtii oon loo laabanayn iyadoo sidaas ah, dilistii aan ku dilaye aan danta ka lahaana kaa xaal marin doono isla maantaba, bal adaan ku soo hordhigaye inoo taliyoo reerkii meel inoo ku fur, taladaaduna yey noqon mid inadumisee ku dadaal inaad wax dhistid oodan marnaba aqalkaan dhibaato u gey- sayn. Waxay ila tahay aqalkaan markaan leeyahay waxaan ula jeedaa waa labadeenna iyo ilmaheenna, Maryan iyadu waa ka dibedda. Yay tuhumad, caaddifad iyo caro ku qaadine ka baaraan- deg anna diyaar waxaan u ahay inaan kula garab qabtoo intii itaal- kay ah aanan kugu hagran hawsha.”
Xaadsan laga soo bilaabo markii la weeraray ilaa iyo markaan la jogo way walaacsaneyd, oo hadba wax baa is-tusayey. Waxay kala heli weydey sidey wax yeeli lahayd iyo meeshay wax marin lahaydba. Hadba dhan baa taladu iska tuseysey, mar waa tii la diley oo oohin iyo amakaag ayan meeshaba ka sugeyn baa heystay, mar kale inta loo qaboojiyey baa dhan kale laga tusay.

Waxay walaacdoo hadba dhan eegtaba waxay u deysatay, inkastoy si aad ah u ciil qabtay, inay siduu doonayey yeesho xaqiiq- dii iyo wixii feeriyo haraati ku dhacay duudsido. Si qosol gariirahoo oohin dhab ahi ku jirto bay u hadashoo tiri, “Anigu waana dillahay talo caqli gal ahna waad ii soo jeedisay . Ma ahi mid sidaadoo kale nacas ahe wax baan kala garanayaa . Adigu waad ku ciyaartay magaceennii, sharafteenni iyo jiritaankkeenniiba, ha yeeshee anaan taas sidaad adigu u qorsheysay kuula qabanayne kaa qaba- naya. Waxaan dantooda iyo dadnimadooda dhowrayaa kuwa Eebbe ina ka wada beeraye maanta u baahan daryeel. Haddaan u qaadaa dhigo sidaad adigu u qaadaa dhigtay, waxaa muuqata ineyan dan u ahayn kuwaan u danee is-leeyahay.
“Hadda iyo dan adoo horey inoo duugey, haddana aniga dilis iigu daray waxaan haddana kuu raacayaa talada ah aan is- daryeello, haddeyba kaa dhab tahaye bal soo daa waxaad ka leed- ahay, taas teeda kale waa in aadan sinnaba u illaawin xaal marinteyda. Anigu haddaan kula tirsanayo oonan ubadkeyga u danee is-lahayn maalinkan maanta ah kuma soo hor fadhiyeene horaan gurigaygii ka aadi lahaa”.
Cabdi oo wax kale filayey baa hadalkan qaadan waayey. Farxad buu la dillaaci gaarey, si uu yeelo, meel uu hadalka ka bilaabo iyo wax uu yiraahdo ayuu garan waayey. Mar uun buu inta Xaadsan ku soo boodey dhunkasho dhab ku siiyey, cabbaar baa laysla gedged- doomayey. lyadoo well sidii la yahay baa curadkoodii oo ilmaha kale wakiil u ahi ku soo garaacay oo yiri, “Maye waa la baahan yahaye, maxaa qado na loo siin waayey, mise waa iska qadeynaa idinkana waa la idiin dhigaa?”
Intay naxeen oo kala durkeen bay hadliba waayeen in cabaar ah odaygii baa yiri, “War mayee ka soo wada rida weynu wada qadeyneynaaye!”
Inankii baa dib u laabtay intaa markuu dhegta ku ritay, oo inta Maryanoo iyana meel duuduuban u tagey ku yiri; “Naa ka soo rid qadada, kuna soo dhaqso maanta calooshaaba na dhex taalle.”
Maryan baa dhibsatay ereyga wi i I ku yiriye “Naa” intay hoos u hiiftay bay tiri, “Waa gartaa oo xaq baad u yeelatay inaad “NAA” i tiraahdo, maxaa yeelay, aabbahaa baa i naageystay!”.

iyadoo culays la kici la’ bay istiishay, iyadoo markay kaceysey gacanna dhulka mudatay tan kalena lowga ku sii qabsatay.
Qadadii bay aaddey inay soo gurto. Way maqleysey in labadii is-qabey isa sii jiidaneyeen, mar dambena dagaal dhacayey, walowba markii dambe laysla aamusay, kuma ay farxin isla aam- usidda dambe oo iyadu waxay ka door bideysey in qalalaase dhaco meeshana lagu kala guuro, marba haddey iyaduba ku boos la’ayd.
Cabdi iyo Xaadsan waxay u deysteen talada in ay qaadaa dhig- aan kaddib markey qadeeyaan. Qadadii baa la isugu yimid iyadoo bulaankii iyo buuqii haddaayey dhacayey dhan ka soo damey dhan kalese si xun u hulaaqayey.
Maryan oo fallaaraha oogadeeda haysataa timaheeda ka bada- nayeen baa qadadii si caga jiid ah u soo daadisay. Waxba looma furin af-burburiddii iyo reeryadii saarreyd qadadii baa aamusnaan inta lagu cunay haddiiba la wada hurdo tagey.
Intii la qadeynayey qof qof fiirinayey waa jirey, mid mid kale la hadlayse ma jirin. Maryan aad bay u tufeysey waase looga wada muquurtay. Weelkii cuntada lagu cunay baa goobtii looga wada yaacay.
Maryan bay ahayd qofka alia ka weelay guridda, dhiqidda iyo meeleynta weelka. Sidii iyo ka daran bay u daal, tabardarro iyo ciil u rarreyd.
Intaa ay iska daba laabaneysey may aamusneyne hadba garba- saartey ilmada isaga tireysey. Aragtay in la is yahay iyaduna shis- heeye tahay.
Labadii isu dhaxay intay qolkoodii hoosta ka soo xirteen bay talo u fariisteen. Cabdi baa kaalinta lahaaye intuu soo jeestay buu yiri, “Abbaaye, Xaadsan, horta waxaad iga guddoontaa xaal aan kaa siinaayo dilistii hadaayey aan kuu geystey, teeda kale waxaan tala- dii ku soo xawilay Xaadsan Cali” intuu garabka ka taabtay si uu u raalli geliyo, ‘‘Aniguna waxaan ku go’ayaa waxaad goyso reerkana ugu taliso meel alia meeshay doontaba ha la cuskatee-”

Xaadsan baa dhibsatay lacagta uu la daba dhah-dhah lahaa qoftaa iyadu u arkeysey dhibaato danaheeda ku soo xad gudubtay. Intay mar labaad isa sii gashay bay tiri, “Adeer i maqal, naagtan waan dirayaaye maad iga deysid daba sidkeeda iyo lacag siinteeda, haddii kale ”
“Mayee kaba daa haddii kale oo waa yahay waa ku kaa”. Cabdi oo isaga markan faraska loo fuushan yahay lana qabsaday baa yiri.
Sidii bay ku dhammaatay talo. Cabbaar Cabdi markuu jiifayna si dhuumasho ah buu u baxay. Dhabbuhuu laba ka sii dhigay.
Maryan waxba may ogeyn, sida loo khayaameynayeyna war iyo wacaal toona uma ay haynee salligii baas bay dul rafaneysey, iya­doo calooshu diingaaxa dhigtay, jiifka meeshana qaban la’ayd, illeen waa salli shamiito yaaloo aan wax saari jirine. Waxaa u wehe- liyey salliga barkin-ku-sheeg inta qaynbaar ka sameysan raama- raamowday. Waqti ay ku tiftana uma ay helin. Madaxa markay saarto waxba ugama duwaneyn iyadoo dhagax barkatay. Sida badan intay salka salliga saarto bay darbiga dhabarka saari jirtay, halkaas oy sidii qof baabuur saaran oosafardheer ku jira lulanasoo weerartay iska xadreyn jirtey, haddeyba lulo qabato. Ma dhacday ahayd ayaamihii dambee uurku ku soo saa’idey inay dhinaca dhulka dhigto, oo qaabkay u sameysnayd baan aqbaleyn jiifka meesha ama goobtay guriga ka degganeyd.
Xaadsan mar alia markay hubsatay in Cabdi baxay meelahana ka dheeraaday bay illeen awalba suulkay ku taagneyde soo baxday oo Maryan oo sideedii ah intey u timid indhahana ka soo gashay waxay tiri, “Naa i maqal, aad dhug ugu yeelo oo yuu ku dhaafin hadalkaan ku leeyahay. Maanta saacaddaan la joogaa kuugu dam- beysa joogidda gurigane waa inaad xammaantaada ka urursataa. Dhaqsoo ka kac fadhiga! Sidaasaan dhuunta kaaga jirayaa kuuna daba taagnaanayaa ilaa aan kaa saaro cagahaagana aan dibedda ku ogaanayo si aan ceebtaada irridda uga soo xirto mar uun.”
Maryan baa gabbal cusubi u dumay. Dhawr ama cutubyo cirro ah ayaa isku mar isla goobtii uga soo yaacay; way cadaatay oo haddana guduudatay; si alia si ay wax yeeshey garan weydey, kicid iyo ka bixid baa laga sugayey intay sii barraaqsatay bay dhafoor- rada qabsatay, iyadoo wax hadal ahina ka imaan la’aa.
Xaadsan oo si walba uga heshay hadalkiisa dambeetalo kusoo wareejiska ah baa tiri, “Horta midda xaalkaah hadal looma baahnee waxtar run ah baa lagaa rabaa, teeda kalee ah talada waxaan ku talinayaa waa in Maryan maantaba tagtaa oyan sinaba gurigan u joogin. Ma hureysaan u maleynayaa taladu sidaa, maxaa yeelay, naag wacal riman welibana la ogaan doono meesha wacalku ka yimid, dooni meyno in cid kaleba ha joogtee xaafaddani ogaato, dabadeedna, ceebtaan galabsannay na loo ku durbaan tumo. Taasi mid aan qaadi karayno ma aha, waad fahmi karaysaa adba arrint- aan. Maryan waa inay hadda guriga ii dhaaftaa anigu meeshaan adeegto ka heli lahaa anigey i jirtaaye.”
“Oo hadda ma waxaad leedahay aan saldhiggeeda maantaba u laabno?” Cabdi baa yiri.
“Sidee baad u hadlaysaa! Sowdigii talada iga adeejiyey? Maxaad haddana iigaga daba hadlaysaa?” Xaadsan, oo markaas belaayo iska dhigeysaa tiri.
Cabdi sidii isagoo maxkamadi ku xukuntay in uu hadalkeeda yeelo, illeen dan baaba yeelsiineysee, buu yiri, “Waa yahay waana yeelay taladaada. Midda kale miyaaney ku habbooneyn inaan lacag siinno oo ugu yaraan bal si uun u nabad gelyeyno. Waa inaan ogaannaa inay xaq ina ku leedahay. Immisa sanay inooshaqeyney- sey iyadoo weliba dulmaneydoo aynaan sidey u shaqeyneysey wax u siin jirin. Balse haddaad adigu ku talisay taladaada lama jebin karee wax farsameeyoo anigu waan ka dhuumanaaye sidaad wax yeeli kareysid yeel.”
Xaadsan aragtey inay gacanta ku hayso Cabdi, inkastoo uu horay u diley. Dilistu qofba si ugu dhacday, intay isa sii belaayeysey bay tiri, “Waa sidaase adigu kol dhowba irridda ka sii bood anna runtaan u sheegayaa iyo inay guriga ii dhaafto haddii kale aan isku naf bixi doonno. Belaayaan isugu didinayaa, adigana intaan kugu halqabsado baan misana kaa dhigi doonaa nin beledkaba ka
dhoofay.”
Cabdi baa u sii guuxay talada Xaadsan dhiibeysey, intuu qoslay oo ku soo dhowaaday baaba layska jiifsaday, isagoon kadheerayn afkiisa iyo dhegteeduna isa saaran yihiin buu yiri, “Waxay ila tahay waa inoo dhan tahay, mid ha illoowin inaad lacag sii siiso.”

Xaadsan goof wareeggii iyo xaarxaaradii hadba dhan bay iska taageysey weyna dhurmeysey. ’’Haddaad sugi lahayd alia qabaygii beenta kuu sheegayna isna dhoof oo waddankaba ka teg isagoo sidaadoo kale ceeb la salagleynaya, isba dhoofye adna dhoof oo isaga dheerow meeshaan aad ku ceebeysan tahaye lagaa yaqaan.”
Xaadsan waa caddaan waxay sidaan ugu hadleysey, waxay dooneysey inay Maryan inta dirto weliba dhoofisoo ay dhulkan ama magaaladan ka dheeraato, waa diradiriyo maag.
Maryan oo siday u kici jirtey u kacaysa baa tiri:
“Casar weeye galbeed, waa habeen cirifkii, gudcur soo cawa- naayo anna aan cokanaaday, oo cudur laabta i jiifo, ciirsina aanan lahayn, cid i qaaddana daaba! Markii aan cuddanaa, ama aan carta- maayey, cawadeyda ladnaa idinkaa i curyaanshey, i cunay oon iga reebin, cad dugaag lagu tuuroo, waanigaan catirtaas ah.
Markaan caabuq noqdee, xooggeygii aad catirisey, miyaad caasi garawdey, ood ciyaar iyo dheel tiri caaddan ka dhoof. Oheey ciil badanaa, nafatani ciirsi la’aa, dhibaato ii cuddanaa, ma maat- aantay cad baa, meeshaan ciirso iraahdo, maxay iigu cidaa, ma anaa cudur boog iyo, cayn xumoo layga abuuray, ma cidaan dabar gooyey, oo lay cadaabahayaa! Cawday oo cudud waayey, naftani mayska carrowdo, dhiiggu muu iska caaco, wadnahaan carta- maayaa shaqada muu ka caroodo, iska diido culayska, anna aan cirib beeloo aakhiro ciirsi u doonto!”
Maryan iyadoo weli wadda geeraarkaa baa Xaadsan inta u adkaysan weydey tiri, “Naa haddaad gabayaa tahay raadiyahaa la tagaaye iga dhaqsoo xaashiyahaaga meesha ka ururso. Dhaqsoo ila dhaaf faataadhugtal.”
Maryan oo quustii ugu weyneyd taagan, meel ay caawa alia u irkatana la’ baa iyadoo boorso jeexjeexanoo waa hore inta la nacay iyada waxtar looga dhigay jiideysa dibedda uga baxday gurigii. Ilmada ka daadaneysey, siday u tillaabanaysey, murugada, niyad- jabka iyo leelleelka ka muuqdey iyadoy wax kale ahaayeen bay hortaa bannaan isaga socotay, may garanayn meel ay abbaarto. Magaala-weyntii bay hadba dhan u qaadday.

Magaaladu waa baabuur, dad iyo buuq badanayd. Cabbaar markay iska meehanaabeysey bay daashay oy illeen waa xaamilee, awoodi weydey socodkii micnaha darraaye ay hadba dhan u til- laaba joogsaneysey, derbi cid la ah bay salka saartay, boorsadii oo meel agteeda ah kala taal, waxa ku jira oo dhanna loo wada jeedo, illeen ma xirroo way dildillaacsaneyde, bay dhegta haysatay. Hadba baabuur dhalaalaya, gabdho is-jalqinaya, adduunyo wada birqaysa baa agaheeda xawaaraneysey. Sheedda uun bay ka eeganeysey iyadoo noloshaba quus ka joogtoo aan uba jeedin dhaldhalaalka iyada ka daxaleysatey.
Markaas waa casar liiq qorraxdu cirifka sii gelineysey meel ay wax ka qabato amay ka abbaartana ayan garanayn. Waxaa aad yaab u lahaa Maryan soo baxdaye meeshay u soo baxday, xaggee bayse joogtaa! Mar dambe bay xusuusatay inantay horay isu jiireene Sagal la oran jirey iyoeeddadeedii inkaartaqabtayecawskiyo naag- aha iibin jirtey. Way isa soo qaadday oo gurigii isa soo hortaagtay. Gurigii bay garaacday, gurigaas oo ahaa kii markay Xamar timide ugu horreysey ay ka soo xera gashay. Cabbaar baa laga furi waayey. Mar dambaa qof xanaaqsani inta ka furay oo indhaha dibedda soo dhigay yiri, “Maye, malaha qof qaaddan baad tahaye, maxaa kuu darraaye aad dooneysey?”
Maryan baa aad u sii naxday oo unta yare dib u booddey hadal cabsiyi ku jirto u tiri, “Aa, mayee… raalli ahaada, gurigaan ku khatal- maye. Miyuunan ahayn key ku jireen gabar Sagal la yiraahdo iyo eeddadeed?”
Qofka albaabka furay nin buu ahaa, aad buuna aqoon ugu lahaa dadka la weydiiyey. Intuu qoslay oo kor iyo hoos ka eegay buu yiri, “Haye, adna ma kuwey rimiyeen baad tahay! Maxaa laysku dahanayaa! Naa naagahaasi ma joogaan oo suuq kan ka fiican baa waddammada dibedda waayadan dambe ka jabay oo loo lacag doontay, adiga ma uurkaa ka reebay! Dadkaad dooneysid ma joog­aan oo gurigaan waa horey ka guureen, dalkeysanba joogine nabaddaada iska gal.”
Ninkaasi waa raggii horay gurigaas ugu qayili jirey oo inta iska q’abatimay aan ka dheeraane dad kaloo deggan la heysta.

Maryan dib bay isu laabtay iyadoon wax hadal ah oran. Ninka uma ay jawaabine way ka aamustay taa, maxaa yeelay, hadal tiradi- isaa la ciddiya dheeraatay, iyaduna ma ahayn qof hadal tiro ka bixi kartoo weyba liidatey, inkasta oysan haysasho iska daayoo ogeyn meelay magaaladaa weyn ka aaddo.
Waxay hadba dhan u luuddaba makhrib dumey noqotay. Dhi- baatada ugu weyne haysatey waxay ahayd waa iyadoo ku dhici la’ in ay is-tusto dhawr adeegtoo ay is-yaqaanneen meet baastay ka sha- qeyn jirtayna deris la ahaa.
lyada geeri waxaa la noqotay qof ku yaqaannaa ha ku arko adoo wacal la meermeeraya oo meelaad foodda geliso adduunyada ka la’. Waxay aad u jeclaatay inay iska dhimato, ma ay aqoon waxa is-dilista la yiraahdee way is-dili lahayd haddayba in yaroo fikrad ah ka haysato.
Habeen madow bay noqotay, waxay il-ilaashatay derbi ay seex- ato, taasoo ay arkootay derbi dad kaloo badani kol horeba intay waraaqo gogladeen xaarxaaranayeen. Kama ay deyrin inay aragto dad sideedoo kale dibad jiif ahoo cirka xabkaysanaya. Dad oo dhan ma ay rabin inay derbiga kala deristee dumar bay ka fiirfiirsatay, waxayna ku jireen iyagoon weliba aan yareyne badnaa.
Maryan iyadu waraaqo ay goglato ma ay wadan, meel gees ahoo dhaxanta looga cararay bay fariisatay. Dadkii meelaha jafjafa- nayey oo dhan rag iyo dumarba oo iyagu is-wada yaqiin baa isku mar Maryan soo wadaeegay. Hal marbay isku marsidii iyagooamar lagu siiyey qosol ka wada kaceen, “Ah, ah, ahaa! Ar laa, haye hadda bal noo warran? Goormaa durfigaagu soo dhacay, ma galabta la joogo? O hoo! Mise meel baad ku qarsoonaan jirtey? Soo dhawow, gacmo furan, derbigu waa derbigaagii, gogolna adaaba dhar qaba, boorsada maxaa ku jira, maad na tustid aan dharka kula huwannee?”
lyagoo weli sidii u hadlaya baa Maryan la galay, way cabsatay oo inta hadba dhan eegtay waxay is-tiri, kuwani adayba ku cuni doonaane meesha isaga carar, hadal la’aan bay inta waxay sidatay jiidatay iska kacday.

Ay sii dhaqaaqeysey maahee, colkii meesha horay u degganaa baa il qoreedda iska wadaeegay oo intay isu wada il jabiyeen mid ka mid ahaa yiri, “Haye, maxaa laga sugayaa maa cid lagu daro waad arkaysaanoo waa baadiye. War yaa ku xiraya oo loo duceeyaa? Hadda ha illaabina wixii lasoo helo inaan lalakaladhuuman doonin.
Mid kalaa isna soo boodey oo yiri, “Ka fursan mayso in dad aammin ahoo aan wax qarsan doonin loo diro”. Naag baa iyanasoo booddey oo tiri, “Intaad buuqeysaan oo wax aan macno lahayn isku haysaan bay baadidaasi raad gadan doontaa. Haddaba, looma jeedee sow ma aragtaan, war meesha ka kaca dulli ka baxee!”
Ninkii horay hadalka u bilaabay una muuqday madax nin iska dhigaya ayaa labo dhallinyaro ah inta farta ku fiiqay yiri, “Labadiin- nan baa u xilsaaran baadidaas, dhaqsaadna uga war keeneysaan. Halna iska jira inaad wax khamkhamtaan, ka booda yeydhuumane. Haddaad geddigeedba soo xero gelin kartaan waa mid loo baahan yahaye ha iska indho tirina, illeen qof qurux leh bay ahaydoo waad arkeyseene.”
Naagtii horay u hadashay oo iyana u muuqatey mid is-xijinaysa madaxda amarka bixinaya baa hadalkii dambe ahaa, “Baadidu way qurux badneyd”, inta dhibsatay tiri, “War quruxdiisa maahee naagtu dhar bay wadaaye soo qaada, haddii dadka lagu soo daro sidee loo soo dhici karaa sow xuquuq ina ku yeelan meyso?”
‘Naa aamus, meesha ma aalkol baad mooddey in lagu qaybsa- nayo qaylo badanidaa. Miyaadan ogeyn in la jiifshaana ay bannaan tahay. Adigu suun baad noqotayoo waa waxaad ka masayrsan tahay quruxda iyo waxa la sheeg-sheegayo” madax-ku-sheeggii baa yiri.
Dadka meeshaa buuqayey waa dad cayr ah, dib-jir ah, aan meelay seexdaan daayoo waxay dhuunta mariyaan hayn, waxay ku dhaqaaqaan tuugo, wax dafid, aalkolo ay meelahaas ka shaxaadaan ama shilin ay dafeen ku gataan. Derbiyadu waa u guri ay seexdaan, tuugada iyo wax dafidduna waa u shaqo. Wax nool ama nolol ka rajo qaba ma aha. Waa dad inta is-wada nacay noloshaba quus ka jooga walowba naftu ayan deyn, iyagoo badan oo tiradoodu boqollaal kor u dhaaftay bay haddana dhan markii laga eego is-wada garabsad- aan, maxaa yeelay, dantooda iyo noloshoodaa mid ah. Way heshi-

Ilbaxnimo-darraanteedu waxay gefsiisey inay saldhigyada Booliiska iska tagtoo nabadgelyo weydiisato. Qof la socotaba maaha arrintaas. Askarta meelaha mareysa markey aragto ayeyba ka cabsanaysey.
Habeen-bar bay noqotay. Maryanna iyadoo sidii aan weli afka wax u saarin bay iska daalaa-dhacaysey meelahaas. Aad baa baah- iyi u haysey. Xoogaa lacag ah waa haysatey, ha yeeshee, markaas waa goor dambe oo ayanba heleyn meelay wax ka gadato. Meel- meel ama makhaayado way jireen, ha yeeshee, kuma ay dhaceen.
Colkii daba joogay baa kuna dhici waayey, maadaama meelaha dad badani joogo, kana joogi waayey. Ciil baa ka haya sidayan haddiiba u haleelin Maryan. Waxay bushinta hoos ka qaniinsanaad- aan oy u daba socdaan baa mar dambe oo inta dad kii yaraaday meel dalaalsimo ah lays daba socdo mid yiri, “Aniga waxay ila tahay, markaan mar ay ka habboon tahay ma jirtee waa inaynu shaqaysan- naa, mise kulama aha?”
Kii kalaa inta hadba dhan eegay oo sidii wax dhakanaya iska dhigay yiri, “Ma xumee bal horta aynu ka tashanno sidaynu wax yeeli lahayn, ma iska weerareynaa oo intaynu hujuum qaadno baynu waxay sidatiyo waxay qabtaba ugu caddeynaynaa, mise dhan kalaynu ka wareegnaa oo waynuba shukaansannaa? Illeen taasiba waa tab kaloo loo baahan yahaye,” kii hadalkaa lahaa baa inta kii kale ka soo hor jeestay socodkii joojiyey.
“Wallaahi ma xumaan u arkaa in aynu bal horta shukaaminno. Haddaynu taa kala caal weyno tan keliyee inoo furan waad garanay- saa bay ila tahay” kii kalaa yiri.
lyadoon laysla hadleyn baa la soo taabacay si loola qabsado Maryan, waxaa iyadoo la aamusan yahay laysku raacay in la xod- xoto. Mid kastaa wuxuu hoosta ku wataa middi loo soo saantay in wax lagu dhaco, dadkana lagu cabsi geliyo ama ha lala dhaco ama ha la tuso si loo khalkhal geliyee. “Oo waxaan ku weydiiyey, waxaannu oranaynaa? Bal hadda soo daa habkaynu wax u bilaabi lahayn,” mid baa yiri.
iyaan iyagu oo way kala waano iyo talo qaataan. Waxay helaan waa dad sida badan wadaaga, inkasta oy u kala badsadaan siday u kala xoog weyn yihiin.
Inkastoo ay sidaas ahaayeen haddana mar kasta way is- dilayeen daqarrada madaxooda ka jeexnaa, summadaha mid- diyaha, qarshooyinka iyo sakiimaha ay isku gaarsiiyeen waa kuwo aan la koobi karin. Caafimaadkoodu waa digada oo qaaxo, kansar, dacar-dhiig (Gastari) jabto, kirkir, sifilis iyo jirro kasta ee jiri kartey rug u ahaayeen. Aad bay u le’daan, waa dad ba’an oo baaba’san.
Labadii Maryan la daba dhigay siday u sii daba nagnag lahaay- een bay dusha ka ilaashadeen. Waxba dhuunta kama gelinoo dadka meelaha marayaa badnaaye way iska daba galeen, ilaa ay fursad u helayeen. Intay is-dhugteen baa mid yiri, “Waryaa wallaahi waa naage day!”
“War way dhalaysaa, sow uma jeeddid dhabarku siduu u gotay?” kii kalaa yiri.
“Dhalaysaa aa! Ilaahow muu ka soo jeedo! Aniga maxaa iga galay” haddaan naag helo kii kalaa yiri.
“Oo haddiiba dalool laga waayo oo ilmuhu kaa hor yimaadaan sidee baad yeeli.”
“Waad waalan tahay baan u malaynayaa” kii kale.
“Waad iska hadleysaa, anigaadna i caayeysaa, ma dameer baad i mooddey, anigu adeer sidaa uma caqli xumiye bal hadda u yara kaadi,” ku kalaa yiri.
Intay doodayeen oy Maryan iska daba socdeen ayaa habeenkii isa sii guray.
Maryan iyadiina harag waraabaa alia u ridey, siday mar dadkey ciirsiga mooddey uga naxdayba, awal hore isma ay lahayn cid baa adigan balanbalsan naf ku bidaysa, haddase markay aragtay sida loo wada liitee loo wada yaal oo waliba iyada loo hunguriyeynayo, bay baqday oo fiigtey. Aad bay u didsanayd dhegahana u taagey- sey. lyadoo meeley u socotiyo meeley ka socoto aqoon bay hadba meel is-taageysey oo dhaqaaq joogsaneysey, sidaas bayna waqtiga intiisii badnayd uga baxday.

Mar alia markii la arkay inay alaabtii ku dagaallamayso baa labadiiba isku mar intay middiyihii ay siteen iska soo jareen midba dhan ka geshay, iyagoon u meel dayine ha idinka hartoo idinka aamusto, uga dan lahaa.
Maryantii qaylinaysay baa shib tiri middiyaha markay arag- tayba. lyadoon hadleyne kol hore naxdin qallashay bay ku war heshay wax oogadeeda ka dhex sharqamaya, “shamuux, jararac, shamuux, jararac”.
“Aniga ii uaayoo adigu ina gaarsii naagta” kii kalaa yiri. Wax la soo dhega nabnaadaba, mar uun baa laysla soo simay, kii lahaa, “Aniga ii daa” ayaa inta Maryan garabka garabka ugu dhuftay yiri, “Ob, naa waa sidee maxaad ii dardari? Mise mid nafteeda nacday baad tahay?”
Kii kalaa isna soo boodey, walowba ayan xisaabta ku jirin inuu isagu hadlo, yiri, “Maxaad inanta ka rabtaa? Inaadeer haye, malaha nabad?”
Maryan aragtay in meesha wax laga wado. Intay is-taagtay bay daymo kulul ku fagiijisay, mise waaba qayb ka mid ah kuwey dho- waanta ka soo baydadday. Way fahamtay in jar loo degeyoo meeshii iyada ahayd laga soo raacay. Mar alia markay isku xirtay waxa meesha ka socdiyo siday u garatay baa beerka loo dhaafay oy naxdin qallali gaartay.
Hareeraha ayey eegtay, mise dad sidaa ahoo ku dhowi ma jiraan. Way jiraan qof-qof aan sidaa u daneyneyne meelahaa iska xawaareynayey. Inay af labadii yeertay maagtay, misana la ahaan weydey. Waxay is-tiri bal hadda u yare sug. Intuba inteede, kii hore wax u daandaansadey baaye, “Naa maqal miyaanan kula hadlin, maxaad iigu jawaabi weydey? Mise afkaagu hadalka ma karo ilaa laga hadalsiiyo?”.
Hadalkii intuu lahaaba boorsaday sidatay buu qabsaday, kii kalana garbasaartii iyo masarkii buu aaday. Maryan baa inta boor- sadii isku duubtay qaylo ka kacday, “Waaw! Alla ba’ayeey! all, alia, aaa!”

Middiyaha midina cududda iyo garabku iska galaan hoos- teedey ka gashay, tii kalena si balfis ahoo dhinac mar ah bay gacan dushiisa ugu gashay, kan boorsada rabay baa dhanka gacanna kaga dhuftay, kii kaloo garbasaarta rabayna kalxanta hoosteeda.
Maryan way dhacday wayna suuxday, qawlihiina iyagoo kol hore waxay rabeen hantiyey bay cagaha wax ka dayeen, isku meel lama aadine, midba dhan buu u cararay. Muraadka cararka laga lahaa wuxuu ahaa: yaan leydin wada qaban iyo dadku ha shakliyoo ha is-yiraahdeen, “Kee baa wax dhacay?” kolley iyagu ways heli doonaane.
Nasiib wanaag qayladii Maryan ayaa waxaa maqlay Booliis roondo ahaa oo meel aad ugu dhaw ka soo laabanayey, xaggood- eyba u soo socdeen, sar geeskeed baana kaga gudbanaa. Ay wiiq- wiiqda maqleenba orod bay isa soo wada qaadeen. Askartu afar bay ahaayeen, markay soo laabteenba waxay isha ku dhufteen qofka sii dhacaysa iyo labada qof oo inta wax dafeen cagaha wax ka dayey. Mid kuwa wax dafay ka mid ah baa iyagii afka soo saaray; hortiisa sidaaba uma eegin, maxaa yeelay, tallaabaduu qaadaba gadaal buu eegayey.
Askartii aragtay in meesha dembi ka dhacay. Waxba may joog- joogsadeen tuugadii bay hareeraha ka dhigeen, kii xaggooda soo aaday haddiiba way qabteen, kii kalese la waa meel uu raad dhigay.
Kay qabteen wuxuu ahaa kii boorsada waday. Inta laba dible katiinad uga sooceen feer iyo dharbaaxo is-dhaaf ahna u dhiibeen bay soo taxaabeen; goobtii bay la soo aadeen; way yimaadeen iyadoo dad dhawr ahi qof dhulka yaaloo dhiig ka shubmaayo kor dhooban yihiin. Kii askarta u madaxda ahaa baa inta dadkii kala riixay yiri, “War Cali, xaggee Telefoon inoo ku dhow?”
Mid dadkii meesha horay u taagnaa ka mid ah baa inta soo tannaagoodey yiri, “Telefoon waa la diray baan u maleynayaa, maxaa yeelay, mid baa hadda dhow xaggaa u sii cararay oo lahaa Telefoon baan raadinayaa.”
Inkasta oo meeshu magaalada dhexdeeda ahayd, haddana baabuuri ilaa iyo markaa ma soo marin; haddey soo maraan waa la khasbi lahaa, ruuxa dhaawac ah baana lagu geyn lahaa cisbitaalka.

Waxba la waa qofkii la sheegayey Telefankuu aadey la lahaa. Askari baa cararay oo baabuur meet u dhow ka laabanayey joojiyey, “Joogso, war waxaad yeelaysaa, islaan xaamilo ah baa tuug hadda halkan ku toorreeyaye cisbitaal bayna u baahan tahaye waa inaad geysaa. Cid kaloo gacan qaban karta ama badbaadin karta lama hayee ina keen. Haddaadan wax u qaban waxaan filayaa inay naf- bixi doonta.”
Ninkii baabuurka watey oo sakhraansanaa baa inta qoslay yiri, “Yaa, xaamilo aa! Oo maxay iyadu u dhiganeysey! Naagahan baan ka yaabay, way dhiganayaan kaddibna uur kuusanoo aad mooddo duddun aboor si xun u dhisay bay meelaha la daalaa-dhacayaan. Aad baan ugu mahad-naqayaa tuugga taa dalooliyey, maxaa yee- lay, iyadaaba u baahan wax dalooliya. Daa ha neefsatee! Anigu Jaalle ma qaado waxaas qurunka ahe ila dhaaf warka. Ma waxaan u gadanayey baabuurka inaan cusbitaalka dadka ugu guro.”
Askarigii baa arkay inuu wax dufeysan yahay, hadal dambana uma celine wuu isaga yimid, intuusan meeshii soo gaarin baa baab­uur kale la soo helay.
Maryan awal iyadoon dhiig lahayn bay haddana intii yaraydna ka baxday, waxay taagneyd naf-bax.
Askartii baa is-qaybisay oo midna baabuurkii dhaawaca qaaday raacay si uu ula socdo meesha la dhigo, saddexdii kalana tuuggii bay waxay u kaxeeyeen Saldhigga. Cabbaar markii la sii socday ayaa askarigii ninkii baabuurka watay haddaayey baryayey wax cululubteen, intuu is-taagay buu asaxaabtiisii kale ku yiri, “Maqla ina sii wada mid xayawaan ah baan soo kaxaynayaaye.
Askartii kalaa tiri, “Oo xaggee joogaa?.”
“Waa qofkii baabuurka wataye haddaayey aan baryayey, wuu sakhraansanaa si xun buuna iila hadlay, marka waa inaan soo xiraa iimaanka laga qaad”, buu yiri intuu dib u laabtay. Wuxuu sii taab- acaba wuxuu u tagey kiiyoo kol hore isla meeshii inta baabuurkii geed weyn jiriddii madaxa ugu dhuftay matoorkiina wax ka noqday geedkii la dagaallamay, intuu hadba geedka feer u qariyo buu ora- nayey, “Waxaas xun baydhulka nooga beerayaan, allaylehe haddey iyana noolaadaan.”

Askarigii is-lahaa wax xir baa qosol ka bixi waayey, markuu arkay sida alia u dhaandhaamay ruuxa. Dabaduu ka soo kexeeyey, baabuurkiina meeshiisii buu uga tagey.
Saldhiggii buu keenay oo ka qoray dembiguu lahaa, daba- deedna lagu tuuray. Tuuggii sidoo kale inta la weydiiyey wixii la weydiin lahaa buu damcay in uu wax inkiro, loogamase jimcine goomankaa inta laga garaacay laga hadalsiiyey. Kii kale iyo kuwii soo dirayba intuu sheegay baa lagu soo wada guray.
Dembigii dhacay oo dhan dhowr saacadood baa laga soo jees- tay isku habeyntiisii, meel-dhiggiisii iwm. Askarigii Maryan raacay baa soo dhacay isagoo baabuur lagu sido. Saldhiggii buu qaylo la soo galay oo yiri, “War waa wareey, war qofkii way dhimaneysaa haddaan dhiig la siine dhiig ha la dhiibo, war dhaqsada, war dhaq- sada waa ruux naf-baxayee.”
Kii habeenkaa shaqada u madaxda ahaa ayaa inta belo iska dhigay yiri, “Oo waxaan ku weydiiyey, cusbitaalka miyaan dhiig keyd ahi ool?”
Kii qaylo dhaamada ahaa oo aad u xiiqsan baa yiri, “War mayee dhiig waa yaale kii furaha hayey ayaa la la’yahay, gurigiisii waa laga doonay oo la soo waa.”
Dhowr askari baa la kexeeyey si dhiig looga soo miiro. Markey meeshii tageenna waxay la kulmeen iyadoo kol hore dhiig laga soo qaaday cusbitaalka kale lagu duray, welina ay miyir la’dahay.
Tii ugu weyneyd waxay ahayd markii Maryan cusbitaalka la keenay takhtar arkoo qabta, waxa ugu horreeyey kii hore u daaw- eeyey Cabdi-fakiyey markay is-af garteen kaddib.
Takhtarku mar alia markuu arkay inay Maryantii belaayadu ka socotey tahay oo weliba uur leh ayuu u maleeyey in Cabdi soo diley, haddayn dhimane la daaweeyana laga yaabo inay iyagana lugta la soo gasho. Wuxuu goostay in uu isaga muquurtoo si sahlan ay isaga naf-baxdo. Waxaase taa tuhmay oday da’ weynaa oo Takhtar kaal- iye ahaa, shaqadana habeenkii wax ku lahaa. Odaygii baa soo giirtay, dhiiggii doonay oo Maryan badbaadiyey.

Maryan intaa hadba dhan laysula jiirayey way maqnayd oo miyirba waxaa ugu dambeeyey markii middiyuhu ku dhacayeen. Odaygii takhtarka tuhmay, Booliiskii buu hoos uga sheegay oo yiri, “Askareey i dhegeysta, idinku sow lama aydaan socon qofkan la soo dilay?” “Haa takhtar,” Askarigii baa yiri. Haddaba, waxaan kuu sheegayaa in nirikan takhtarka ahi uusan dooneyn in qoftani nool- aato, anigu garan maayo meel wax ka socdaan.” odaygii takhtarka ahaa baa yiri.
Askarigii baa shakiyey, hadalkii loo sheegeyna qaatay, wuxuuna ku soo qoray (Oobbiga) buugga wixii dhaca lagu qoree Saldhigga yaal.
Arrintii waxay ku dantey iyadoo Maryan la badbaadiyey, tuugtii oo dhan la soo wada qabtay, takhtarkii oo fallaari ku mudan tahay iyo kiiskii oo meel laga bilaabiyo ama loo raaco leh.
Degmadii wax ka dhaceen habeenkaas hawsha nabadgelyada waxaa madax u ahaa nin Gaashaanle ah, aqoon ku filanna lahaa aadna caddaaladda iyo nabadgelyada u jeclaa. Ma uu ahayn qof qaata musuqa iyo waxyaalaha lays daba mariyo. Sida badan ninka madaxda u ah hawlahaas oo kale, dhawr saacadood markuu joog- aba waxaa loo soo tebiyaa wixii dhacay oo dhan.
Goor saacaddu waqti dambe joogto, waagiina aan wax sidaa u weyni ka harin ayaa loo keenay wixii dhacay, wuxuu dhegeystaba, mar uun baa la soo gaaray arrintii Maryan. Markuu maqlay naag uur leh baa middi la gelgeliyey buu aad u xanaaqay, wuxuuna qaadan waayey sida sharciga loogu tumanayey, aadaminnimadana loogu xad-gudbayey. Siduu u fadhiyey intuu iska beddelay oo wejiga kaduuday buu yiri, “Waxaad iigu yeertaan dhammaan in alia intii ka goob joogga ahayd iyo kuwii ka ag-dhawaaba, degdeg baan u doonayaa.”
Waa loo wada yeeray, hortiiseyna soo wada dhoobteen. Mar- kaas ayuu mar labaad ku amray inay ka war baxshaan sidii wax u dhaceen iyo sidey u maleynayeen sababaha keenay in qof uur leh la toorreeyo, markaa uu amarka bixinayo waxaabad mooddey inuu xanaaq iyo ciil la gariirayey.

Hadalkii iyo warbixintii baa sidey ahayde horeyba loogu sheegay mar labaad loogu celiyey. Markey dhammeeysteen baa askarigii cusbitaalka tegey soo booday oo isna sheegay sidii dhanka cusbitaalka wax uga dhaceenetakhtarku isugu dayey inaan qoftaan ladaaweyn, hadalkiisuna wuxuu ahaa, “Taliye, waxaa kaloo jirta ama dhacdayba in markaan qoftaan iyada ah cusbitaalka gey- ney aannu goobtaa ugu tagnay nin takhtar ah iyo dhowr qofoo kale oo iyagu kalkaaliyeyaal ah. Waxaa dhacday in ninkii takhtarka ahaa mar alia markuu arkay qoftaa iyada ah uu naxay, dabadeedna uu ku dadaalay inayan waxba daawo ah helin si ay u dhimato. Anigu mar dambaan fahmi doonaaye, waxaa haddiiba arrintaa fahmay nin oday ahoo KaaliyeTakhtarahaa meeshanaka shaqaynayey. Waxaa hubaal ah in hadduusan meesha joogeen ay qoftaani naf-bixi lahayd. Nasiib wanaag ninkaa odayga ah ayaa u guntaday oo qoftaa badbaadiyey; xataa wuxuu gaarey in uu mar dhiig la waayey, uga doono cusbitaallada kale, cusbitaalkaas dhiig waa yiil, ha yeeshee, waxaa la waayey qolka dhiigga furihiisa wax haya, lagana yaabee in takhtarku hayo ama cid ku ogaa.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, odaygiina waa joogaa isagoo weliba diyaar u ah in uu warramo, warbixintiina .waa intaa.”
Gaashaanlihii baa inta miis hor yiil dharbaaxay yiri, “Haa, maad noo sheegtaan ood na tiraahdaan waa qof la asisiinaareeyey. Maxaad kaga daali wallee intaan daba galaan ka soo dhalaali doonaaye.”
Xusuus-qor uu lahaaye hor yiil buu la koray oo kiisku siduu ahaa ama u dhacay iyo siduu ula muuqdeyba si kooban inta ugu qortay wuxuu u yeertay dhowr askariyoo uu daacadnimo, hawlkar- nimo, hufnaan iyo dadnimo ku yiqiin. Askartii kaloo dhan buu iska kala diray iyagii mooyaane. Arrintii buu uga sheekeeyey markuu u tifaftirayna guubaabo ahaan wuxuu u yiri, “Waan ogsoonahay in aydinaan wax ka faa’iideyn hawl-galka cuius, ha yeeshee, haddana aad ka faa’iideysaan. Waad faa’iideysaan oo haddaad ama had- daynu sida wax u jiraan, una dhaceen uga soo dhalaallo wax weyn oo aynaan cidna uga abaal sheeganeyn baynu nafteenna u qabsan- nay, sababtoo ah nafteennu waa dadkeenna, dalkeennuna waa nafteenna.

“Iska illaawa, waxaan hubaa inaad illaawsan tihiin, kana kort- een inaad ku niyad jabtaan kuwa musuqa sameynaya meelahaan agaheenna ahna dembiyada la meermeeraya iyagoo weliba awood iyo itaal u heystee, taa daraaddeed uga faa’iideysanaya.
“Innaga waajib baa ina saaran waana inaynu intii itaalkeen ah gudannaa, waxba ma leh haddii marmar laynaga xoog batoo xaqaynu dooneyno inaan ku shaqayno la ina ka fara maroojiyo.
“Hadda iyo dan waxaanu daba geleynaa kiiskan isaga ah, waana inaan siduu yahay oo dhabtaah ugasoodhalaallaa. Hadalka intaanan xirin, horta yaan raalli ka ahayn inuu ka qayb galo?” Kulligood baa isku mar waxay yiraahdeen, “Raalli baan ka nahaye ina mari.”
“Waad mahadsan tihiine aroor hore soo diyaar garooba”, taasoo aynu si toos ah u hawl geli doonno. Subaxii baynu isla socodsiin doonnaa hawlaha aynu kala leennahay, anigana iga war suga,” Gaashaanlihii baa inta hadalkaa yiri wuxuu u amba baxay cusbitaalkii naagta dhaawaca ahi tiil. Baabuur buu wataye intuu askarigii horey ula socday arrinta laga soo sheegay xagga cusbi- taalka kaxaystay bay isa sii daayeen. Cusbitaalkii bay tageen, taasoo ay si sahlan ula kulmeen odaygii isaga ahaaye shaqada wacan qabtay.
Gaashaanlihii baa u yeeray, “Adeer haye?”
“Nabad adeer, annagu halkan baannu iska joognaa waannuna iska shaqo badannahaye,” odaygii oo gartay in dan la leeyahay baa hadalkaa yiri.
Gaashaanluhu kaakigii wuu ka soo tegey, si aan looga didin, walowba odaygu gartay inuu askari ahaa waxna uu baarayo. “Adeer waxaan ku weydiiyey, sow adiga ma ahayn ninkii qofta dhaawaca ahee la sheegayo badbaadiyey?” Gaashaanlihii baa yiri.
“Wax isku dayey Eebbana igu garab qabay, taasise ma aha mid aan cidna abaal kaga doonayoo waa waajib i saaran inaan gutana lama huraan tahay,” odaygii baa yiri.

Gaashaanlihii oo u guuxsan sida xilkasnimada ahee odaygu u hadlayo baa qosol ilka caddeeyey madaxana ruxay oo yiri, “Adeer, anigu waxaan ahay Gaashaanle Booliis ah, waxba kaa qarin maayee, waxaanna doonayaa inaan daba galoo baaro qoftan aad badbaadisey sababtii lagu diley. Marka waxaan kaa codsanayaa inaad ii sheegtid takhtarka caawa shaqada kula leh magaciisa, tan kaloon sida rasmiga ah kaaga codsanayaa waa inaad qoftaa iyada ah aad ilaalisid oodan cid kale inay daaweyso u oggolaan, maxaa yeelay, sidii ii dhadhantay waa qof la doonayo in la khaarijiyee ka digtoonow, miyaaney kula ahayn? Haddeybase kugu adag tahay taasi ii sheeg cusbitaal kalaynu geyneynaaye.”
“Adeer waxaad yeeleysaa waa in qoftaan cusbitaal kale la geeyo, sababtoo ah lama huraan bay noqonaysaa taasi. Marba haddii takhtarkii inuu daaweeyo ay ahayd uu lugta jiidayo, aad bay isaga ugu sahlan tahay inuu si sahlan uga takhaluso, waad i garatay baan u maleynayaa?” Odaygii baa inta magacii la weydiiyey oo warqad ku qoran Gaashaanlihii siiyey hadalkaa ku jawaabey.
Gaashaanlihii oo si fiican ugu guuxsan waanada odayga, baa askarigii la socdey iyo Maryan oon la oran karin waa miyir qabtaa baabuurkiisii ku ritay, wuxuuna la aaday cusbitaal kale. Wuxuu sii socdaba cusbitaalkuu u socday buu irridda ka soo galay oo Mary- anna faraha ka saaray takhaatiirtii waardiyaha lahayd si fiicanna ugu ballamiyey.
Kaaliyihii oo uu horey u sii qaatay buu haddana rugtiisii shaqo ku soo celiyey. Sii qaadashadiisa wuxuu uga dan lahaa ha idinla meel geeyo oo waa intaas oo jidka intaad sii socotaan la qabtaaye wax ha u sii qabto, haddeyba taasi dhacdo.
Intuba inta lehe waagii baa beryey, qorraxdiiyey fag soo dheh! Gaashaanlihii oo soo meel dhigtay qoftuu rabey, baa Saldhiggii dib ugu soo laabtay, wixii hawlo ahaaye kale ayuu kala diray; shaqada isagu waaba ka baxayey, markaas haddana wuxuu u deystey in uunan nasane isagiyo asxaabtuu xushay ay daba galaan sababta qoftaa loo maagay.
Qoladii shaqada Saldhigga kala wareegtay ayuu aad ugu balla­miyey qolyaha u xiran qoftay dileen. Si aan wax laysu daba marinna wuu ka sii afeeftay. Isagoo kooxdiisii hor kacaya ayuu cusbitaalkii

“Waad mahadsan tihiin, sidaad u tirina anoo mar walba adin aaminsan walaalahay inaad tihiin aamminsan, diyaar baan u ahay inaan idiin warramo, wax alia wixii aan wax ka ogahay ood i weydiis- aanna idiinka jawaabo,” Maryan baa tiri.
Gaashaanlihii oo is leh aad warsateen sheekada baa mid ka mid asaxaabtiisii ka mid ahi yiri, “Taliye, armay ku roon tahay inaan u yare kaadinno, sababtoo ah qoftani waa dhaawac in horta la bax- naaniyo u baahan, iyo weliba iyadoo uur lahoo laga yaabo inay inta waxyaalo cuius xusuusato dabadeed wax gaaraan. Anigu sidaas bay ila tahay, haddaad igu raacsan tihiin.”
hore aaday, siday u sii socdeenna waxay soo taxaabeen takhtarkii la tuhunsanaa. Isagoon laga hadlin ayaagudaha ladhigay. Marlabaad baa haddana laysasii daayey oo waxba lama sii daahinoo baabuur baa la wataaye waxaa laysa sii taagey cusbitaalkii Maryan tiil.
VIII
Waxaa laysa soo kor dhoobay Maryan ood mooddo inay ladan tahay. Dhaawac sidii la filayey ka yar bay qabtey, markaa intayare cabsidii ka ba’day bay iska nasaneysey, daawo iyo dhiigba waxay u baahnayd oo dhan wey heshay, waxay la kulantay takhaatiir si walba u fiican oo kii horee baas dhaanta, ama ka roon.
Gaashaanlihii oo Maryan dul taagan baa yiri, “Naa bal iska warran?”
“Aad baan u ladanahay. Waad mahadsan tihiin. Weligay isma lahayn marna xalay baad noolaanaysaa. Qofkii calaf u laaban yahay waa iska noolaanayaa,” Maryan oofaashad badan sinasariirdhabar dhabar ugu sateecsan baa hadalkaa tiri.
“Waxaan ku weydiinayaa, kuuna sheegayaa, annagu sidaad u arkaysidba niman askarah baannu nahay, waxaannunadooneynaa inaan daba gallo sababtii laguu maagay, marka adoon waxba naga qabin waa inaad sidii wax laguu weydiiyo uga jawaabtid. Marna inaan cadowgaa nahay ha u qaadan. Annagu walaalahaa dhab ah baannu nahay, kuwii xalay ku caymiyey haddana weli danahaaga daba joogee waa inaadan waxba cabsi is-gelin,” Gaashaanlihii baa yiri.

La wad oo la wad, waxayna dhaafi weydey, “Baahi baa ii gey- saye miyaan maagi lahaa haddaanan baahneyn.”
Gaashaanlihii markuu inta taa dhammeystay welina ay xabsiga ugu wada jiraan buu u yeertay takhtarkii, si kastaba wax baa loo weydiiyey lagana waa wax war ah.
Takhtarkii intuu is-khaafshey buu iska dhigay qof yaabbanoo waxa lagu haysto aan sinaba u garaneyn, inkasta oo uu yaretuhmey Maryanta dhaawaca ah iyo shaqooyinkeedii.
Gaashaanlihii baa inta aad ugu riyaaqay taladaa oo madaxa u lulay yiri, “lyadoon loogu noqoneyn, waynu yeeleynaa, midda kale waa inaynu ilaashannaa qoftan si aan wax loo gaarsiin ama looba khaarijin ka hor intaynaan war bogan.”
Mid kaloo isna asxaabta ka mid ah baa inta qosol yare kajan ku jiro qoslay wuxuu yiri, “Horta mar waa guul aanan fiiayn, midda kale, waa iga talo: Midda guusha ahi waa, xifaalaba ha iga ahaatee, markii iigu horreysayee aan la kulmo askar intay wax qaadaa-dhigto taladu siday ku hagaagsan tahay kala qaadaneysa iyadoo layska indha-tirayo amarradii iyo is-maqiiqii laysku ogaa. Tan iyanatalada ahi waa inaan ogaanno inaan dalkeennu gaarin heerka inta qof cusbitaal yaal loogu yimaado lagu khaarijiyo, waxaan filayaa taa filimada uun baynu ku aragnaaye weli dalkeenna kama maqal, arag iska daaye. Marka innaagoon waxba is-mashquulin waa inaynaan waqtiga iska qaadine intaynu iska shaqo tagno aan kor uun kala soconno ilaa ay ka biskoonayso. Teeda kale dadkii wax soo diley, takhtarka la tuhunsan yahay kacaynu ka sii shaqaynee.”
Gaashaanlihii baa misana mar kale u guuxay hadalladaa, walowba uu dhibsaday tan xifaalaha ah, waxaa laysku raacay in dib loogu laabto Saldhiggii si loo sii baaro kuwii wax diley.
Wax la qaadaa-dhigo oo marba mid inta meel gooni ah lala galo la xog-wareystaba mar dambe oo laga soo wada hor ka laabtay baa laysku wada daray hadalladoodii, iskuna soo wada duuboo waxay isugu wada biyo shubteen in baahiyi u geysay, waxay ku noolaay- eenna ay sidaa iyo si ka sii daran ahayd.

Gaashaanlihii inta qortay waxay ku hadleen, si hadhow haddii wax is-khilaafsani dhacaan uu uga miirto runta, buu xabsigooda u wada dhaafay.
Dhawr beri baan laysla hadal, waxaana la baxnaaniyey Maryan oo takhtar fiican oy mahadisay cusbitaalkii dambe ka heshey. Waxay heshay baan iyo baxnaano.
Gaashaanlaha iyo Ciidammadiisu si fiican bay uga warqabeen Maryan. Cunteyba u qoreen kaddib markey ogaadeen inayan cid u timaaddaba jirin, takhaatiirtu sidoo kale.
Gacantay heshay waa mid ayan sinaba u sugeyn. Barwaaqoy kow, baraarow laba.
Galabtii dambe ayaa Gaashaanlihii loo sheegay inuu hadduu doono wareysan karo, hadduu doonana laba bixi karo. Takhaatiirtu waxay u qabeen inay wax isu yihiin, walowba lala socodsiiyey arrinteeda qaar.
Isla galabtii baa inta Saldhiggii la keenay laga qoray waxay war haysaye ku saabsanaa dilisteeda, kama ay sheekeyn sidey reerku u soo cayrsheen, waxay ka sheekeysey oo keliya sidii tuugadu u heshey una dhici maagtay, middiyuhu sidey ugu dhaceen iyo wixii la xiriirey.
Gaashaanlihii baa inta mar uun mid ag taagnaa u il-jabiyey yiri, “War bal adigu shaah iyo wax la kaalay.” Qolka markaa waxaa ku jirey isaga iyo Maryan, markaas ayuu weydiiyey, “Adigu Maryan sow ma aadan ahayn? Waxaan ku weydiinayaa takhtar miyaa jira aad godob kala qabtaan ood is-neceb tihiin?”
“Ma anigu? Garanmaayo. Alla mid baa jira mardembi iga galay, ha yeeshee, taasi waa qiso dheer oo u baahan waqti iyo fadhi badan.” Maryan baa tiri.
“Aa! Gartaye iska daa,” Gaashaanlihii baa yiri. Waxaa soo galay kii shaaha doonay oo inta soo waayey fara maran. Mar alia markuu soo galayba dib baa haddana loo celiyey, ’’Maxaad naga soo doon- eysaa mar haddaanad shaah wadin?” Gaashaanilihii baa ku canaantay.

Gaashaanlihii markuu dib u celiyey ninkii kale buu su’aalihii sii watay, “Waxaan kaloo ku weydiinayaa, miyeynan suuragal ahayn inaad haddaba inoo dhammeysid sheekadaa dheere aad heysid si adigana wax kuugu qabsamaan illeen waad aragtayoo waaba dan- taade. Mise anigaad iga cabsaneysaa?”
“Alleylehe mayee kaa cabsan maayo, kolley iyo kolley waan ka sheekeyn doonaa sheekadaa iyada ahe maad mar kale inoo ka dhigtid,” Maryan baa tiri.
Gaashaanlihii baa inta u garaabay Maryan yiri, “Si baad u il xun tahaye waa sidee? Ma xanuun baa ku haya?”
“Xanuun baa inta i haya, waxaan ka baqayaa inaan meeshaba ku dhalo. Inkastoonan horey u dhali jirin, haddana waan baqayaa oo si baa caloosha la ii rogayaaye. Ma wax baad ka qabtaa haddaad cusbitaal i geysid?” Maryan baa codsatay.
Gaashaanlihii baa baabuurkiisii degdeg ulasoo cararay, wuu la sii boodey, haddiiba cusbitaal buu geeyey. Waa loo fiirshey, waxaana la caddeeyey inayan hadda iyo beryahanba dhalayn. Dib buu u soo laabo maagay cabbaar markuu soo socanayey wuxuu is-yiri: Maxaad Saldhigga kala doonaysaa maad melay jiifsato gey­sid? Intuu la sii cararay buu gabar walaashii ahooxaasah gurigeeda geeyey. Aad buu ugu ballamiyey iyo in si fiican loo xannaaneeyo. Walaashii intuu faqiyey buu ku amray inayan waxba weydiin ay dhibsato ama lays oran karo way dhibsan kartaa, gaar ahaan xagga uurkeeda. Gaashaanluhu wuu iska gartay in uurkaasi wacal ahaa, waana ka mid arrimaha uu doonayo inuu salkooda soo taabto had- dii waqtigu ku simo.
Maryan waxay aad u mahadisay marti-gelintay ka heshay guri- gii la geeyey, intay nasatay oo cunto iyoxannaanosuubban heshay bay iskaba jeclaysatay halkaa.
Subaxdii dambe baa Maryan inta la soo kaxeeyey waxaa la keenay Saldhiggii oo inta takhtarkii isku meel la soo wada fariisiyey la weydiiyey oo keliya inay taqaan, markaasey tiri, “Waa aqaan.”

Tuugtii baa iyana mid mid loo hor keenay oo la weydiiyey inay taqaan markaasey sheegtay sidey ula kulantay iyo waxay yeeleen. lyaga, takhtarka iyo tuugta midna waxba lama weydiine mid walba markii we
jigiisa Maryan la tusay oy ku caddayso baa dib loogu celinayey qolkii laga soo saaray.
Kiiskii oo isa sii qorayaa ayaa habeenkii dambe waxaa geer- iyooday mid tuugtii ka mid ah. Cid inta gacan u geysatay markaa waxyeelleysay ma ay jirin, ha yeeshee, silic iyo saxariir uu horay u qabey iyo tan hadda ugu sii darsantay baa caleentiisii riddey.
Subixii baa lala kala cararay, markii la baarayna waa la soo duugey. Duugta markii laga soo noqday ayaa leys weydiiyey ama laysla gartay in dacwadda la qaado, dabadeedna dhan uun arrinta loo rido.
Gaashaanlihii baa isku qoray inuu galo arrintaa ilaa Maxka- maddana uu u raaco isagoo Maryan u doodaya, in uu baaranaaad u doonayey Maryan iyo danaheeda. Wixii jirey wararoo dhan buu inta isku dubba ritey oo feylkiisii ku qaatay wuxuu la aaday Avvocato (Qareen) uu isagu inta lacag siiyey rabo inuu la galo arrinta.
Gaashaanuhu yare wax soo xanxansey, ha yeeshee, war buuxa weli ma hayo. Qareenkii baa dalbaday inuu arrinta sal iyo baarba u ogaado si uu u fahmo waxa meesha jira iyo dabka shidanba.
Maryan Qareenkii bay u warrantay, markaas ayuu Gaashaanli­hii weydiistey inuu soo xiro Cabdigii isagu waxaan oo dhan u sabab ahaaye dambiilaha koowaad ahaa, si hadhow isaga iyo takhtarkaba dembiga ay leeyihiin loogu qaado. Gaashaanlihii waxba ma daah- ine tilmaantii Maryan intuu qaatay buu Cabdi in la soo xiro amar ku bixiyey.
Cabdi oo shaqadiisii jooga ayaa laba askari inta u timid ku yiraahdeen “Jaalle, waxaa lagaa doonayaa Saldhigga Booliiska ee ina mari.”
Cabdi waxna fahan, si uu yeelana wuu garan waayey. Aad buu u naxay. Meel uu wax ka yiraahdo ama wax ka qabtana wuu heli waayey. Arag inay ka gamboon tahay, meel uu qabadsiiyana ka taggan tahay. Wuu iska soo raacay sidii awr hayin ahoo hoggaan lagu wado.
Sidii loo soo wadey baa inta hadallo laga qoray meel la fari- isiyey. Intiiba waxaa loo cid diray Maryan. Waa la keenay, mar alia markey i rridda ka soo gashay oy indhaha ka qaadday bay naxdin iyo ciil qallali gaartay, sidoo kale waxaa isna dhulku la wareegay Cabdi oo qaadan la’aa Maryanoo weli meelaha tuxtuxaashineysa.
Gaashaanlihii iyo Qareenkiiba way fadhiyeen, waana loo jeedey qaraxa dhacay iyo sida laysku gartaye loo kala naxay. Cabdi baa hadalkii loo diidey, Maryanna waxaa la wediiyey inay Cabdi garanayso iyo in kale, markaas ayey ku caddeysay inuu ahaa ninka inta uurka u buuxshey sidaa u galaye cidlada tuugtu ka ugaarsatay dhigay. Dib ayaa la isaga celiyey isla maalintiina waxaa la goostay in Maxkamad dacwaddaa la geeyo.
Qareenka iyo Gaashaanluhuba waa diyaar, dacwaddii oo madaxyo badan leh baa lagu soo shubay Maxkamad. Dhextaashu waa Maryan, dhan waxay ka cuskanayd tuugta, dhanka kalena Cabdi iyo takhtarka, labadoodu isma oga oo mid walba margooni ah baa inta baabuur lagu sii qaaday meel la fariisiyey, tuugtii sidoo kale. Maxkamadda iyada horaa loogu sii sheegay arrinta oo diyaar bay u ahayd.
Mar uun baa Cabdi iyo Takhtarkii iska il-bidhaansadeen Max- kamaddii dhexdeedii. Aad bay u qoomamayeen, walowba ayan is-maqal, diliddayan Maryan dilin maalintay awoodda u lahaayeene ay cusbitaalka u tiil.
lyadoo Maxkamaddii dib loo dhigay ilaa iyo waqti aan la aqoon wixii la xukumi kareyna la xukumay, kuwa sugayaana Cabdi iyo Takhtarka ahaayeen baa laga soo wada dareeray.
Dadkii soo shubmayey waxay aad ugu ciil qabeen Cabdi iyo Takhtarka oy u wada arkayeen inay dambiilayaal wax kale iskaba daayoo toogasho istaahila ahaayeen.
Su’aal baase meesha tiil ah Gaashaanlaha iyo Qareenkuba waxa ayan isu aqoon Garyaqaanka iyo Cabdi; iyagu way is-maqiiqayeen waase laysku maqiiqi doonaa haddayan dib u gurane shadaaftooda qaadan.
Cabdi markii horee Maxkamadda la keenay waa gariirayey, ha yeeshee, markuu arkay in Garsooruhu yahay nin uu isku hubo ayuu hoos ka farxay qayladuu lahaa sameena isaguu u deystey, maad- aama aan iyaga waxba u kala soocneyn.
Maryan ilaa iyo hadda waxaa haya Gaashaanlihii oo isagu haynteeda aan waxba ilaa iyo hadda dan gaar ah ka lahayn ee aadaminnimo waddo.
Gaashaanlihii iyo Qareenkii may seexane waxay daba galeen iskuna soo dubba rideen dacwad meel mar ahoo si walba ugu cad nimanka.
Waxaa kaloo jirtey in ayan dambiilayaashu xirrayne dibedda iyo shaqadooda joogaan, taasoo loo yeeri doono marka loo baahdo.
Arrimihii baa isa sii dhex mirtay oo Gaashaanlaha iyo Qareenka nagnag lahaa waaba loo debberayey. Armayba iyaga ku rogmataa.
lyagoo maalintii dambe iska dhigaya rag ay u meel mari doonto bay weydiisteen in dacwaddii la isugu yimaado, waa la yeelay, ha yeeshee, Garyaqaankii Garyaqaan kaloo uu ku kalsoonaa buu arrintii gal yari, si aan isaga loo tuhmin, wuxuuna noqday dhegeyste.
Subixii dambaa iyadoo la isu wada mici lisanayo Maxkamaddii la furay. Qoladii dacwadda wadatay baa la weydiistey inay soo gudbiyaan warbixintooda iyo dooddey wateene ugu dambeysey.
Qareenkii baa is-taagay wuxuu qaadaa-dhigay sida dadkani dambiilayaal u ahaayeen. Wuxuu keenay meel alia meeshay raad iyo cirib dhigeen iyo sidey u waxyeelleeyeen miskiintaas.
Wax kale iska daayoo wuxuu soo helay goobtana keenay waraaqihii dacwadda loogu qoray iyo diiwaankii lagu qoray, maal- intay qallayde cusbitaalka inta la dhigo markii hore loogu talo galay haddana isla markiiba laga saaray. Markuu waxaas oo dhan qaadaa-dhigayey ayaa dambiilayaashii indhuhu soo baxeen oy quusba gaareen.

Qareenkii oo dhidadka ka baxaya aad mooddo biyo in lagu shubay aadna u daallaan baa ku soo gunaanaday, “Marka iyadoo arrintu sidaa u caddahay, horayna ay u caddayd, inkastood dib u dhigteen dacwad aan waxba u muuqan in dib loo dhigo, waxay ila tahay oon ku talin lahaa in hadda dhaqso loogu dhawaaqo dembi- gay galabsadeen xabsigana loo taxaabo iyagoo dil loo cuskanayo.”
Garyaqaankii iyo Kaaliyayaashii iibsanaa ayaa inta si kakan ku jiro u qoslay wuxuu yiri: “Haye, idinku maxaad ka leedihiin dac­wadda la idiin haysto?”
Cabdi baa is-taagay oo yiri, “Waxaan ka leennahay, ninkaan Qareenka isku sheegaya wuu iska buuqaye wax war ah oo uu hayaa ma jiro. Been buu rabaa inuu gado, waxaanan filayaa inuu ama jirran yahay ama madaxa looga jiro ama uu inta lacag qaatay iyada qaylo been ah ku bisleysanayo. Taasi waaba garti hadduu irsiq raadis yahay.
“Midda uu leeyahay waqtigaas bay cusbitaal wax geeyeen, anigu maba joogine waxaan jiray markaa uu magacaabayo Itaaliya. Maragna waan haystaa. Midda kalee Takhtarkan inaan dibedda isku aragno maahee weligey shaqo ama dano kale oo gaar ah isuguma aannu imaan”
“Marka anoo hadalkii badiyey wax caddeyna uga dan lahaa waxaan Maxkamadda sharafta leh ka codsanayaa inay u fiiro lahaato waxaas oo kale iyo dambiyada laysu sameynayo.”
Takhtarkii baa istaagay oo maagay inuu hadlo markaasaa Garyaqaankii diidey inuu hadlo oo inta fariisiyey yiri, “Takhtar bal horta adigu fariiso, waxaan u malaynayaa in hadalkaagaba laga kaaftoomee. Markhaatiyadiina ha is-taageen.”
Dhowr nin iyo dhawr naagood baa is-taagay iyagoon had- leynna intay gegida wada rigteen gacmaha kuraastii ka horreysay wada saareen.
“Haa, gartay, intaa oo dhammi ma wada marag baa? Haddaba, waxaan idin weydiinayaa, maxaad ka og tihiin ood ka sheegi karey- saan dacwaddii meeshan ka dhaceysay? Mid mid u hadla, hadal- kana kala hela,” Garyaqaankii baa yiri.

Dhammaan waxay isku wada raaceen in waxa Qareenku sheeg- ayaa been yihiin oo Cabdi waddankaba ka maqnaa marka uu Qar­eenku leeyahay dembi buu naagtaa galay. “Takhtarkana iskaba daaba cusbitaalkuu leeyahay wuu ka shaqeeyaa oo wax buu ku khayaameeyeyna kama shaqeeyo.”
Dadweynihii goobta fadhiyeye dacwadda dhegeysanayey ayaa hunnu-hunnu bilaabay markay arkeen in xaaladii si kale isu qorayso.
Shahaado-suuryadii markay beentoodii bogteen ayaa Garyaqaan-ku-sheeggii inta gambaleel garaacay wuxuu u kaank- aansaday inuu Maxkamadda go’aansho. Qareenkii oo mar horaba fahmay sida wax u socdaan ayaa inuu hadlo codsaday waase loo diiday oo lagu yiri, “Waad soo qoranaysaa haddaad hadal ka qabtid, haddana waxaan sugnaba waa gunaanadkii hawshaan saaka gal- laye Maxkamaddan ka socotey. Garyaqaan ku soo dhawaaw go’aaminta.”
Garyaqaankii baa hadalka la wareegay, Kaaliyayaashiisii mid ka mid ahaaye ku soo dhaweeyey, “Waa siday tahay loona gud- doonshaye, waxaan caddaynayaa in kaddib markii si cad loogu waayey Jaallayaasha dacwadda loo haystay ay u madax bannaan yihiin meeshay doonaan inay maraan, maanta saacaddaan laga bilaabana aan dembi loo haysan karO dacwaddaanna ku saabsani jiri karin.
“Dhanka kale ee isagu dacwadda soo oogey wuxuu ku xuku- man yahay ganaax dhan siddeed kun oo Shilin (8.000), maadaama uu dad sharaf leh oon dembi lahayn uu dembi u sameeyey. Maxka- maddiina halkaas ayey ku xiran tahay.”
Wax baa dhacay wax la sheeganawaa lagaran kari la’aa. Si wax u jiraan ayaa dadweynihii garan waayey. Qareenka iyo Gaashaan- luhu garte.
Maryan oo meesha fadhidey wayba suuxday. Markii la dareemay dadkii oo yaabbanina in cabbaar ah irriddii ku xireen baa mar damboo weli ay suuxsan tahay cusbitaalka loola sii cararay.
Cusbitaalkii baa muddo lagu hayey, waxaana caddaatey in ilmihii dhinteen, isagoo mayd ah baana laga soo baxshay.

Maryan mar alia markay ogaatay in ilmihii wacalka ahaa dhint- een, iyadiina ay bad-qabto bay farxad iyo raynrayn ka bixi weyday. Awel walaac dheeraad ah baa waxaa ku hayey ilmahaas, sababtoo ah meel ay geyso iyo waxay yeesheysan garanayn.
Maryan baa waxaa laga soo taagay sheekiyo hadaaq nololeed. Galabtii dambe baa cusbitaalkii waxaa ku soo booqday Gaashaanli- hii oo cuntiyo dhar u sida.
Wuxuu u yimid Maryan oo aad u faraxsan. Sariirtay tiil bay ku dul fadhiday, dad kaleyna lasheekeysaneysey. Markaa intaniyaddii u degtey, cuntadii u furantay bay dhogor dhacsatay. Aad bay isu beddeshay, lamana malayn karayn is-dhalan-rogga dhawrkii beri ku dhacay.
Gaasnaanlihii intuu kaxeeyey buu geeyey beertacusbitaalkasi ay u yare socsocoto iyagoo sidii laba alia dhawre is-qaba is-garab socdee aad u tillaabo gaabineysa ayaa qorraxdii god gashay. Waxaa aad loo fiirsanayey dabeecadda markaa muuqataye qor- raxda dhacaysaa u sabab ahayd.’
Gaashaanlaha sinaba niyaddiisa markaa uguma jirto guur iyo gaabsi madnaba, Maryanna waxa keliya ee uu u hayaa waa aad- aminnimo iyo way cid la’dahaye gacan qabo ilaa ay si kale wax u qabsanayso; wuxuu aad ugu fekeraa aad shaqo la doontid.
Maryan iyadu meel dhanaan bay taagneyd oo inkastoo ayan hubin, haddana waxay is-lahayd ninku rajuu kaa qabaa, waaba lays moogaa. Mar dambe baa waxaa la fariistay kursi dhagax ka samay- sane beerta dhex qotomey. Sheekada u socotey sidaa uma sii rid- neyn, kamana baxsanayn cuntaday meesha ka cunto iyo siday isu beddeshay.
Mar dambe ayaa Maryan tiri, “Horta maad ii sheegtia maga- caaga oo dhan illeen waa tanoo qoftaad abuurtay baan ahaye?”
“Kuu sheegaye waxaa la i yiraahdaa D.C.K., waxaanan kaa codsanayaa inaad magacayga sidaa u qaadatid oodan su’aal kale iga weydiin?”, Gaashaanlihii baa yiri.
“Horta iyadoo aad qiimo iyo qaayo yar waad mabadsan tahay, taa waxaan u leeyahay waxaad ii qabatay baa waxaan gudi karo ahayn in aan intaa yaree micnaha lahayn iska iraahdo mooyaane,” Maryan baa la soo booddey.
“Keligaa maaha intaan gacan qabtay, waana mid qof kastoo aadaminnimo ku jirto ku waajib ah taasi. Aa, taan anigu is-iraahdo wax weyn baad u qabatay waa bay dhacday hadda dhowr iyotoban sano laga joogo, markaan anoo fasax miyi ku tagoo safar qalable ahee yahoona wax ka wada aan ku soo laabannay inan yaree libaax geed inta ku ootay uu cuni rabo,” Gaashaanlihii baa yiri.
Gaashaanlaha mar alia markey intaa oo keliyihi ka soo baxday baa Maryan jirkeedii dhammaa wada dubaaxiyey, wey qabowdey, kululaatay, jiririco lagu wada jebiyey, inay hadasho ayey maagtay markaas ayey kariba weydey, dhimbilaa dubkeeda wada fuulay, nabarraa ka soo wada yaacay oogadeeda.
Waxay kala hubi weydey inanta la soo qaaday inay iyada tahay iyo in kale. Intay kuurkuursatey bay hadbadhan eegtay, waxay sugi weydey hadallada isaga ka soo baxaya. Afkiisey gacantasaartay oo tiri. “Meeshu xaggee ahayd?” Jawaabta soo socotay aad u sugi la’ayd, wax kale iska daayoo timahaa is-taagay, fadhiga inay ka kacdeyna wax yar u jirtaa.
“Meeshu waxay ahayd meet la yiraahdo Dhuun-libaax oo libaax badan,” Gaashaanlihii baa yiri.
Maryan markey hubisey inay sidey moodeysey tahay bay iya- doo gariireysa isagii dusha uga baxday, ilmo ayaa ka shubmeysa, wax hadal ahoo la garan karaana waa ka imaan kari la’aa, afka uun baa labo daan noqday.
Isagii waa garan waayey waxa Maryan ku dhacay, wuxuu is-yiri, malaha qallal bay qabtaa oo waa la qabtay, inuu dhan isaga duwuu maagay, haddana yare ka xishoo.
Dad meelaha ka dhawaa baaba ka yaabbanaa naagta ninka saloolaneysey.
Intuu tartiib u qabtay oo fariisiyey buu yiri, “Maryan waa sidee, ma wax baa kugu soo kordhay oo nabar baa ku qabtay?”
lyadood mooddo inay maantoo dhan ordeysey bay dib ugu soo laabatay meeshay horey salka ugu haysay ee uu fariisinayey. Intay neefta kor u raacday bay tiri, “Wax kale iguma soo kordhine maxaad u maleyneysaa amaad ka oran lahayd haddaan anigani ahay taad libaaxana ka bedbaadisey haddana aad weli badbaadintii u waddid.”

Isagii baa isna qaadan kari waayey oo intadhulkii la wareegey meel uu wax mariyo garan waayey. Cabbaar buu hadalkii ka maagay oo inta hadba dhan eegay mar dambe yiri, “Yaah! ma adigaan baa ah tii markaan libaaxa ka cayrinney dusha nooga soo dhacdaye na jajabin gaartay! Adduunyoy hooy!”
“Wallee anigay ahayd, waa idinkii xabbadaha riday, daba- deedna meeshaan ka barooranayey yimid. Waataan intaaayaru soo deg haleeli waayey aan soo boodey. Waataan dusha idiinka soo dhacay, dabadeedna aynu afka ciidda wada darray. Waataad cun- tada iyo cabiddaba i sii siiseen, maalin dambana aynu magaaladii iyada ahayd tagnay-”
Maryan ood moodeysey inay sakhraan tahay baa hadalladaa iyadoon is-ogeyn tuurtuureysey.
Isagii weli inkastoo runtii faraha laga saaray, haddana wuu hubi la’aa, mar wuu qaataa, misna inta hadba dhan eego oo madaxa ruxuu yiraahdaa, “Yaah, war illeen wax aadan fileyn waad la kulantaa?”
Sidii dad inta aad isu yiqiin, isna jeclaa, muddo dheerna kala maqnaa, oo hadda isu yimid bay si cusub hadba isugu soo fara baxsadaan. Xaaladdoodii baa si kaloon la fileyn oo ka duwan mar­key meesha imaanayeen hadda u dhacday. Hadba inta lays fiirsho baa laysku qoslayey, kamana ay duwaneyn dad is-jecel oo aad u kala raagey. Gaashaanlihii fikrad kalaaba gashay, Maryanna sidoo kale, waxaana ku sii batay kuna sii cuslaaday danayskay daneynay- sey isaga.
Cabbaar baa hadal la’aan lays ag fadhiyey, iyadoo qof waliba hoos ahaan wax iska tusayey, kana xisaabtamayey.
Mar uun baa isagii kacay oo inta iyadiina gacanta soo qabtay yiri, “Maryan ma u malaynaysaa inaad bixi kareysid? Balse takh- tarka aynu weydiinno.”
Maryan way istaagtay oo waxba kama ay fogaan isagiiye iya­doo isu rabta ku dhowaantiisa qabashaduu soo qabtayna aad uga heshay bay tiri, “Hadda waa ladanahay, waan bixi karayaa, inoo weydii Takhtarka, walowba aan maleynayo inuu ina oggolaan doono.”

Takhtarkii baa la isula tegey. Takhtarka naftiisa si baa loogu jirey oo Maryan baaba si ula muuqatay. Wuu la socdaa arrimaheeda, haddana meel buuba iska tusay oo wuuba u dhakanayey.
Wuu la socdey in Maryan dad aysan lahayn Gaashaanlaha mooyaane, taasoo uu qorshaystay inuu isagadibeddadhigo. Gaas- haanlihii baa Takhtarkii u yimid oo weydiiyey, “Dotoore, qoftaan baan doonayaa inaan saaree ma suurta geleysaa?”
Dotoorkii, oo dantuu lahaa ka eegaya yaa yiri, “Maya maya, qoftani weli way jirran tahay mana ay dhammeysan daawadii loogu talo galay inay qaadatee iska illow saarid iyo waxaas.”
Maryan iyadu way fahmeysaa baad mooddaa ilaa iyo xad danta Dotoorka, ha yeeshee, isma ay laha sidaas ayey ugu sii weyn tahay.
Gaashaanlihii baa, waxba wax la qaadan kari waayo kama dhi- gine isaga guuxay talada Takhtarka, hadalna isagoon ku soo celin isaga huleelay. Maryan buu inta gacanta qabsaday xaggaa ula sii dhaqaaqay.
takhtarku wuuba ka maseyrsanaa taabashada Maryan gacan- teeda la taabaneyey.
Gaashaanlihii baa Maryan inta meel taagay oo ku soo jeestay yiri, (Markaas waqtigu waa habeen aan sidaa loogu jeedin qoftaan meel iftiin leh taagneyn).
“Horta hal aan goostay mar aan fogeyn aan kuu sheegto, hal iga talo ahna aan kugu boorriyo. Midda aan aan kuu sheegayaa waa anoo go’aansaday inaan is-guursanno, waana go’aan aan gaaray markay ii caddaatay inaad tahay taan horayna libaaxa uga ridey, haddana sidaynu isla ognahay aan u bartay. Midda talada ahee aan kugu boorrinayaa waa inaad maanta laga bilaabo niyadda u sheeg- tid inaad xaas tahay, odaygaaguna aniga yahay, mar aan dheer- eynna aan sameyn doonno waxyaalaha guurka lagu yaqaan, markaas meeshaad ka soo baxdidba.”
Maryan baa dhulkii la wareegay, wax ay tiraahdo ayey garan weydey, farax dartii, intay hadba dhan u dhaqaaqday oy taag- naanba weydey bay mar dambe isagii ku soo booddey. Aad bay u khalkhalsaneyd, farxaddiina way sidatey.

Wuu qabtay oo wuxuu moodey inay dhunkasho ka dooneyso. Afkeeduu afkiisa la aaday, taasoo uu dabadeed ogaadey inaysan fikradba ka haysan waxa dhunkashada la yiraahdo.
Aad bay taasi u farax gelisey, maxaa yeelay, arag inay qof cusub tahay, inkastoo ay wacal dhashay, ha yeeshee, siday ilmahaa ku dhashay iyadu ayan nin jeclaanteed ahayne la kufsaday.
lyadoo hadalba ka soo bixi la’ yahay bay tiri, “Anigu waxaan ka baqayaa inaan farxad u dhinto.”
takhtarkii oo u gabbanayey kuurkana ugu jirey baa arkay sida ay isugu maran yihiin, markaas ayuu ka noqday muraadkuu ka lahaa.
Gaashaanlihii baa inuu baxo maagay intuu Maryan farxad- deeda ku macasalaameeyey, markaas ayaa Takhtarkii u yeeray oo yiri, “Oday, waxaan kuu sheegayaa maadaamaaad yarejeceshahay inaad qoftaan la baxdid, waxba lagaa kala jabin maayee la bax daawadeedana u gadoo sii.”
Gaashaanlihii baa farxay oo yiri, “Hoy! War nin wax fahmaad tahay intii la doono.”
Maryan buu inta u tegey u sheegay in la fasaxay oy bixi karto, isagaa baabuur wataye inta la sii booday oo dalaq la yiri baa cagaha wax laga sii dayey.
Intii jidka la sii socday baa isagii yiri, “Waxaan ka yaabbanahay waxa calafka la yiraahdo; shalaydan ayaa abtigay damcay inuu gabar walaashey ah oo uu dhalay igu daro anna waan diidey, illeen raadkaagaa igu soo socdey.”
“Wax aan iraahdo iyo hadalba anigu kari maayo. Aah, illeen wax aadan fileyn dantaaduna tahay waad haleeshaa! Mahad baad iga mudan tahay. Fili maayo inaan kuu abaal gudi karayo sababtoo ah nafteydaba adaa iska leh, waxaad iyada u qabatay anigay igu jirtaa uma qaban,” Maryan baa tiri.
Maryan iyadoo baabuurkoo socda dhabtiisa ku jiiftasi walbana isugu dhiibtey isaga bay hadalladaas lahayd.

Isaguna sidoo kaluu wuxuuba qaadan la’aa sida yaabka leh ee ay labadoodu labada jeer ay dhibbanayd Maryan isula kulmeen.
Isagii waxba isagoon daahin buu guriguu horey ugu hayeye walaashi geeyey. Waxba walaashii lama socodsiine wuu ka qariyey inuu isu rabo, sababtoo ahayd haddii uu u sheego su’aalo badanoo aan laga bixi karayn bay ku furaysaa; sida, gabadhu xaggey nagaga timid, aabbaheed ma taqaan, hooyadeed waa tuma, yaa soo aba- biyey oy ka soo fooftay. Isaga waxaas oo dhan waxaa kala weynaa siduu uga helay iyo barashadey is-barteen ee taariikhda yaabka ak lahayd.
Way jiraan dad waxa uu ka dhuumanayo daneeyoo ku dhaqma, ha yeeshee, isagu wuxuu u muuqdaa nin ka xoroobay. Dhawr maal- mood baa tegey intii aanay weli is-mehersan, wuu baananayey oo baxnaaniyey illeen waa qof diifeysanoo dhibaatooyin culculus soo kabbatay.
Maalin damboo uu ogaadey in intey is-beddeshay ay samada marayso, quruxdeedii dhabta ahaydna inta la soo baxday ina rag oo dhan kii arkaaba inta indhaha fagiijiyo ka daba hari la’ yahay baa meelaha laysku nikaaxsado laysla aaday.
Way soo dhammeysteen, waxba uma ay daahin arooskiina ee isla toddobaadkii bay abaabuleen. Wuxuu goostay in uu arooska ku marti qaado kuwii iyadiyo isaga dili maagay, Cabdi, Takhtarkii iyo Garsoorihii.
Isagu toos uma abbaarin oo ma ay suurta geli karine dad kaloo yaqaan buu marti-qaadka u sii mariyey, wuxuuna dadkaa ka codsa- day inayan u sheegin oy ka qariyaan ilaaay xafladda ka imaanayaan indhahoodana wax ku arkayaan.
Sidii bay noqotay oo habeenkii dambaa meel fagaare ahoo dad oo dhammii isugu yimide aad loo maamulaye sharafta iyoshacbiga ka muuqdaa wax kale yihiin la isugu yimid.
Dhallinyaro, waayeel, iyo jaad kastoo dad aroos yimaada lagu yiqiin baa isugu yimid goobtaas. Indha-daraandar bay ahayd, wax dadyowgii la marti qaaday sooshubmaanba mar uun baa waxaa soo wada galay saddexdii dhiig-ya cabe caanka ahaa oo saddex naag- oodoo aan xaasaskoodii dhabta ahaa ahayn gaaddada ku wata.

Caadadu waatan ah in martidii soo gashaba salaanto aroos- yada iyo minxiisyada. Qoladii ood mooddo awr isku daban baa salaantii saf u soo galay. Dadka aroosay aad bay u bilicsanaayeen, way dhisnaayeen oo si walba haybad u lahaayeen.
Martida waxaa u horreeyey Dotoorkii oo lagu sharfay inuu garwadeen noqdo, maadaama uu si inta kale uga waayo-aragsan yahay, waxay soo socdaanba, waxba awel kor iyo hareerahaba ma eegine, mar alia markii inta loo yimid la gacan qaad damcay ayaa indho aan sinaba isu jeclayni isu soo fara baxsadeen.
Gaashaanluhu horay buu uga digtoonaa, Maryanna waa la sii socodsiiyey inay dadkaasi imaan doonaan, marka dhankooda si fiican baa loogu toog hayey oo naxdini kama imaan, ha yeeshee, dhankii kaloo qaadan waayey, intay wada naxeen oo jir-roorsadeen baa neefsashadiiba dhib iyo culays ku noqotay.
Gacmaha wax lagu salaamayey ugama duwaneyn gacmo abeeso lagu salaamayey, iyadood mooddo in belaayo faraha lala galayo lana wada anfariirsan yahay yaa weliba Gaashaanluhu ugama dabcin oo waa arrin uu ugu talo galaye wuxuu kii salaamaba ku yiraahdaa, “Damacde ahaanse weydey, waana abaal idiin yaal, laga yaabee laan-deyrta godobtu inay dhaqso idiin leefto, ha dhawri waayina dhibaatadaad dhigateen!”
Nin walboo iyaga ka mid ahiba mar alia markuu salaamo ayuu dib intuu u faagto isagoo didsan oo is-leh meeshaan shirqool baa yaal oo dhegaha iyo indhaha taagaya dhabbaha labo ka dhigaa, luuq-luuq aan laga arkeynna galaa.
Waxba ma ay daahine ninba isagoo kuwa kale ka dhuumanaya oo is-leh iyaga ha xaaratee taada la baxso ayuu si tuugo ah tartiiba irridda uga dusey. Horay wada socod bay u soo galeen markii dambase mid mid bay u baxeen iyagoo siday filayeen arooskana u qabeen uu ahaan waayey.
Gaashaanlihii iyo Maryan labaduba waxay dusha kala socdeen waxa nimankii iyaga ahaa haysta. Minxiiskooda oo Qareenkii ahaana sidoo kaluu ula socday waxa dhacayey.

Sidaas ayaa lagu kala carraabay iyadoo dhanna guul wax gaarey iska dhigayo, dhanka kalena naftoodey la baqeen, qaadan waa iyo amakaag bay ku noqotay.
Sheekadii baa maalin keliya magaalada sidii caws dab galay la hulaaqsiiyey oo u xushay, waxa ka war helay Gaashaanlaha waalid- kii oo iyagu ah dad aad iyo aad u haysta dhaqankii hore. Aad iyo aad bay inta u xanaaqeen inankoodii madaxa u goosteen. Hooyadii oo habar cuti ah ahayd tacsi bay dhigatay, aabbihiina wuuba xilafuray, si walba way ugu soo dhanaanaatay, waxayna u joogsatay inuu Maryan qaboo aabbihii xaas yar oo uu muddo aan sidaa u badnayn qabey furo ama uu furo.
Culaysyada kale ee dadweynaha kaga imaanayey waa kuwo aad u tiro iyo cadaadis badnaa.
Baroorta qoyska waalidkii ka dhacaysey waa mid aan sinaba loo qaadan kareyn. “Naa waxa dhacay ma maqasheen? Sow kii xumaaye awalba badowga ahaa naag xun oo adeegto ah ninkay u shaqayn jirteyna dhawr jeer wacallo ka dhalay ma uu guursan. Alla maxaan ka noolahay! Maan maantaba dhintoo la i waayo! Gablan baa dhaama intii kaasi wiil dadku kugu caayo kuu ahaan lahaa! Goormaa la maray kolley ma fayoobee? Dhulku kula go’ oo caaw- aba ku aasay, muxuu magac ku cayaarayaa” Waa hooyada hadalla- deedii, iyadoo aan meel laga saro lahayn oo qiyaamihiisa kicineysa.
Aabbuhu sidoo kale iyo ka daran. Inuu soomuu ku sigtay, dhawr kol inuu isaga diluu ku sigtay, haddana la ahaan weydey. Isku soo duuboo waalidkii way tashadeen, waxayna goosteen inay isaga shir kama dambeys ah la qaataan, dabadeedna, dhan uun la isugu iuga duwo. Maalintii dambaa isagii oo aroos ahoo buuftaa haya la martqaaday. Wuu aqbalay, qado ay ka dhacayso baa loo sameeyey. Mar alia markii laga laacayna, awel oo dhan lamasheekeysaneyn oo mar gaaraa laysla sugayey, waxaa loo soo fariistay goobtii lagu tashanayey.
Goobtaa waxaa kaloo fadhiyey dhawr qof oo qaraabada ah, arrintaana loogu yeeray inay ka qayb galaan. Shirkii baa la furay iyadoo kol hore dibedda lagu soo gorfeeyey wixii talo ahaaye lays oran lahaa, dadka meesha fadhiyey waa tiro ka toban wada waalid ah.

Shir-guddoomiye waxaa ka ah shirka adeerki aabbaha la dhas- hay oon waxba aabbihii u dhaamin hadduunan ugaba sii darrayn, si xilqad ah ayaa loo fadhiyey.
“Hadalkii anoo furaya, waxaan dadkiinnan sharafta lehe isu wada ehelka iyo sokeeyaha ah u furayaa shirkan ood la wada socot- aan sababta loo qabtay iyo danta laga leeyahay. Haddaba, isagoo shirku inoo furan yahay aan ku bilaabo in loo baahan yahay in borotokoolka si hufan loo ilaaliyo, hadallada la iska helo, ayan marnaba dhicin in buuq iyo wax la mid ahi meeshaan yimaadaan, sababtoo ah waxaynu nahay dad is wada dhalay oo wada dhashay. Hadalka waxaa leh baan filayaa odayga reerka”, Adeerkii baa yiri isagoo si uga cabsi qaba is-af-garan waa in uu meesha yimaado, sababtoo ah dadka goobta fadhiya qaar baa carnal xumaan lagu yaqaanney, markay wax ay qaadaan waayaan yimaadana furka tuura,_,
Odaygn reerka ayaa u soo faarumeystay hadalkii. Si baad u mooddaa in dab laga shidayo, wuuba gariirayey. Meesha la fad­hiyey oo qol fadhiya ahayd kuraasna lagu fadhiyey ayuu miis gaab- anoo hortiisa yiil inta calaacasha marshay oo shaarubada miiqay wuxuu yiri, “Horta garab gar baa la siiyaaye, meesha gar gurracan baa taal, waa gar intay guntimo badan tahay haddana aad u murug- san. Waxba yaanan ararta idinku badine, meeshan waxaa jirta in curadkeygii aan ku dhaadanayey, anoo ogsoon sidaan ku soo koriyey, intaan silic iyo dhib la maray miyi iyo magaalaba, oon la habeen dhaxay, maanta oo intuu noolaa uu ugu dadnimo roon yahay, si kale uma garatide uu xaar dhex fariistay. Waxaan ka yaabbanahay dadnimo-xumada uu maanta daacay meeshuu ka keenay, kolley annagu isir uma lahayne!”
Intaasi markay ka soo baxday baa habartii oo meesha fadhidey xanaaqday una qaadatay in odaygu iyada u duur xulayo, “Meesha ma ha laysku af-lagaaddeeyaa la yiri, mise hawlo kalaa la rabey in wax laga qabto. Haddey dhan kastaba u dhaardhaaran tahay anna ka dhigi mayee armayan ninna u roonaan doonin!”
Ka hor intaan odaygu hadal ayaa walaalkiisii shirka guddoom- inayey inta sara kacay oo cimaamad uu sitey habartii dusha ka saaray wuxuu yiri, “Horta waa xaal taniye bal adigu ii joog, teeda kale walaalkey sabeen baa fuushay ka hadalna ma leh, waana loo wada joogaa.

“Dhankaasi waa dhankaas, dhanka kale, adigaa hadaika wataye wado oo mid digniin ah waa inaadan mar dambe qarada jeexin, haddii kale adiga ayuun baa ka arrimin doona wixii intaa ka dambeeya.”
Odaygii hadalku kadhacayesi uga naxay jiciirtana lasaaray oo si u yaxyaxsan daalaadhacana aad isaga ilaalinaya ayaayiri, “Horta waa qaatay gefkeygii, diyaar baanan u ahay in laygu qaado. Tii hore aan watee, wiilkaygan i soo hor fadhiyaa wuxuu meel kaga dhacay sharaftii, haybaddii iyo magacii reerku lahaa. Si kale umagarataane maanta wuxuu qabaayoo reerkan ku soo biiriyey naag aan la aqoon, isla wareegto ah, boqollaal wacal dhashay, magaaladana sida qor- raxda looga yaqaan. Tuke cambaar leh kama duwana, ceebta iyo fadeexadda nagu timidna waa mid aanan anigu kolleyba qof baan ahayoo sinaba ugu dul qaadan kareyn.
“Horay ilaa hadda, wixii na soo gaari karay na soo gaare, ha yeeshee, maadaama maanta loo fadhiyo waxaa iga go’aan ah oonan ku noqon doonin, anigoo intiinna marag uga dhigaya, in curad- keygu, wuu i maqlaayey, hadduunan naagta xun goobtan la joogo ku furin aanan isa sheegan. Hadduusan furin oo haddaba ku dha- waaqin hooyadii iyo aayadiiba way iga furan yihiin iyadoo mid waliba saddexdeedii oon rujuuc iyo rajac toona lahayn! Qabta.”
Kooxdii shirka fadhiday baa si u wada naxday iyagoo qaadan la’ go’aanka koobane sida sahlan meesha lawga u soo laabtay. In la hadlaa laba kari waayey. Hoos baa laga wada jeclaystay in inanku furidda xaaskiisa uu furi lahaa ku dhawaaqo.
Qof waliba kaalintiiye, habartii baa qaadan kari weydey waxa dhegahee Ja ku soo dhacaya, hadalkii baa ku xirmay. Awel si bay u fekereysey oo inay inankeeda wax ka weerartey rabtaye markaa intay is dhex fariisatay bay wax ay tiraahdo, meelay abbaarto iyo waxay heli weydey xitaa sidey shirkaba u fadhiyi lahayd. Intay naxday bay meelay ku sugan tahay la’aydba. Hadal daaba, mar baa oraahi ka soo bixi gaartay, haddana wey liqday, waa markii odaygu dalaaqaha tirinayey oy tiri, “Alla miyuu waalan yahay qofku!”

Habartii oo madaxa gacmaha ku haysataa iska kacday iyadoon hadal baad sheegaysaaye madaxa kor u qaadaynin, wayba iska baxday.
Odaygii bay inta ku baraahsatey wuxuu garan waayey meel alia meel uu wax marsho, isagoon hadleyn buu qoomamayeeyey dalqa- duhuu kala reebi waayey, sidoo kale isna intuu madoobaadey buu goradda laadlaadshey.
Odayadii kalaa iyana yaab iyo amakaag ka soo haray, hadal bay iska waayeen. Xaggee laga furaa, xageese loo furaa. Intay is-xirtay bayan furitaan dambana ka rajo qabin, waa guri ba’ay iyo gelengel.
In muddaah markii sidii dad dhega la’oo haddana waashay lays hor fadhiyey hadal iyo hadaaq talo la’aan baa odayadii mid mid u dareereen. Shirkii firfircoonida iyo himmada dheeraadka ah ku bilowday ayaa ku dhammaaday murugo, wada hadal la’aan iyo uur-xumo u soo hoyatay reer degganaa, maamuus iyo naalla adduunna tirsanayey.
Wax la wada maqal, wax la sheegana la garan waa. Hadalladii oo laga wada gabban yahay, inanka hadalkiisana sidii qorraxda loo sugayo ayuu yiri, “Horta shir salaaman, midda ii xigtana anoo si waiba u ogsoon garashada iyo fekradda mid kastoo idinka mid ahi qabo, anoo ogsoon aadna u fahmey dhaarta aabbahay iyo dham- maantiin waxaad ka qabtaan iyo anoo anna tayda jirta. Teyda mar- kaan leeyahay tan xaaskeyguna waa ku jirtaaye, waxaan anna go’aansaday in aanan xaaskeyga furin ama ha la is-furo, ha la is-dacweeyo, ha la is-habaaro ama ha la isu duceeyee.
“Aabbahay isna waa ku xaaskiisa isagu ama ha qabo ama ha furee, anna waa igu xaaskeyga ama aan furo ama aan qabee”.
“Waa iga go’aan laguma laabtaan ah siday doontana ha u dhacdo sheekadu,” ayuu in yar ka dibna raaciyey.
Yaabkii baa yaab dhaafay. Indhaha ayaa la isku wadafagiijiyey, meel wax laga yiraahdo iyo cid lala hadlaa la garan waayey.

Jifidaa la kala jiidey. lyadoo qof qof la hadlayey jirin baa lagu kala kacay dib dambana la isuguma soo laaban.
Reer in la dumiyo la rabay baa inta si fiican u dhismay dhidib- bada aastay, kuwo aan loo filayn inay dumaanna si sahlan oo lama filaan ah bay shadaafaha u laabteen. Dad is-dhalay ooawel is-jeclaa baa kala go’ay oon markaa isu hilow daayoo is-sheegan.
“Hadalkiise wuxuu yahay yaa rogeyharuubadda? Haanteedana yaa qubay? Yaa baqa haraatiyey? Yow heesay xoolaha, aan loo horseed tegin? Yaa hogo kaliileed, hanfigeedu cudur yahay, wada halabsadoo dhacay? Yaa inkaarta hoobsaday? Cudurka yaa hambo u helay? Yaa hootadii waran, ilmihiisa hoos dhigay? Yaa heello beeniyo, tuntay habar waceeddii? Goortuu haliilee, ku hungoobey taladii, yaa hoor ka soo dhacay? Yaa talo ka haaddoo? Hawdka yaa u dheelmaday? Hadda yaa u sababoo, hadhow haaku yaan oran?” Hadalkaa waxaa geystey wiilkii oo isna goobtii shirka lagu kala kacay la iskuna af-garan waayey ka sii socda. Hadalkaasi wuxuu dhacay iyadoo aan la isuna dhug hayn, ha yeeshee, dheguhu waa iska maqlayeen. lyadoo dadkii horay shirka uga soo qayb galay sii dareerayeen, wax hadal ah oo furanna ayan jirin baa haddana waxaa dhacday in kaddib markii odaygii oo aburka tuufayaa maqlay hadalkii wiilku soo tuuray, markaas ayuu inta hakaday oo dib u soo jalleecay wuxuu damcay inuu ul-matoobbo ah oo uu sitay dabada u qabto, ha yeeshee, nin kale ayaa qabtay.
Inankii baa gabbaday, oo diyaar dagaal u noqday, odaygii mar- kuu arkay inayan sinaba faa’iido u lahayn dirirtu buu isagoo qamuunyo bushimaha hoos ka cantuugsan ciil iyo carana la sakh- raansan iska sii luuday. Mar alia markuu tillaabo sii qaadaba dib ayuu soo jalleecayey, markaasna maduxuu ruxruxayey.
Inanku sidoo kale isagoo dhan iska dhigaya nin guuleystay dhanka kalena odayga ku sii cagaajinaya si aan mar dambe la isu sheegan buu hadba inta is-neefsasho dhaqdhaqaaq boolo xoorto ah muujinayey.
Sidii caynkaa loo ahaa baa la kala libdhay, waana sidii loo kala libdhay, iyadoo is-sheegasho, is-maqal, is-bariidin iyo isu soo hilow dambe beeshay.

Qaylo yeertaba qof bayan uga darine, Maryan baa inta maha- disay ka maashay qalalaasihii dhacay, kaddib markay ka baaqsatay inay mar kale kabbato sun iyo deebaaq, marwo degtay oo wax dejisey noqotay. Waxay noqotay hooyo tii ugu fiicnayd, ubad kuwii ugu wacnaana way dhashay, guri kii ugu wanaagsanaa bay wada dhiseen Maryan iyo ninkeedii.
Waagu waa is-gurayaaye, ilmahay dhaleen baa durba dug- siyada u dareeray, waxay noqdeen ardada kuwa ugu ugu aqoon iyo asluub fiicnaa. Wanaaggii ilmaha waxaa u sabab ahayd wanaagga gurigay ku noolaayeen iyo waalidkood oo inta is-jeclaa is-xaq dho- wri jirey oo daacadnimana u wada shaqayn jirey.
Sidii qoyskaasi ha dhicin, ha jabin ugu jirey ayaa ubadkoodiina maalintii dambe tacliintoodii Jaamacadeed wada dhammeysteen. Laba ka mid ah oo wiil iyo gabar ah ayaa Takhaatiir noqday. lyagoo maalintii dambe isku cusbitaal kaga hawl jirashaqadana maalintaas wada leh ayaa cusbitaalkii waxaa la keenay oday aad cuti u ah oo indha la’, aadna xanuun u hayo.
Wiilkii ayaa odaygii daaweeyey. Kaddib markuu inta meel seex- day hawluhuu cusbitaalka uga baahnaa u dhammeeyey, buu wuxuu u ratibay adeegto u shaqaysa meeluhuu u baahan yahayna u hagta.
Odaygii baa aad ugu bogay inankii Takhtarka ahaa, galabtii dambe ayuu u sheekeeyey, “Maandhe, horta anigu waxaan hubaa in aanan noolaadeen haddaanan adiga ku heleen, maxaa yeelay, adiga hortaa anigu dhawr jeer ayaan cusbitaal galay, weligayna ma helin takhtar sidaada oo kale ii tabantaabiya. Waxaan filayaa in waalidkaa kuu duceweyey, anna ducaan kuugu darayaa, waana mid hubaal ah in ducadeydu kacayso, maxaa yeelay, gablan baan ahay. Da’dan ayaan joogaa, waana jirranahay oo adba sidaad arkaysid waan kala dhantaalnahay oo lixda lixaad iimadhamma inay ii dham- maadaanna sugi maayo. Waxaan sugaaba waa wed iyo hoyatiin aakhiro. Adigana cimri dheer iyo caafimaad baan Eebbe kaaga baryayaa anna llaahay waxaan ka tuugayaa in uusan na cadaabin, illeen calaf iyo cimri toona iima harine,” Odaygii oo inankii cudud- dada haysta sina u gariiraya ayaa hadalkaa yiri.

Inankii baa inta catawgii odayga ka naxay wuxuu yiri, “Mayee adeer waxba ha is-calool xumeyn, murugadana ha isku beerine yare is-deji maskaxdaadana nasi!” Inankii markuu intaa yiri baa waxaa u timid walaaslri^oo intashaqadii soo bogtay inay wada baxaan rabta. Intay isa soo ag-taagtay bay tiri, “Gurxan miyeynaan tegeyn? Ina mari waa goor dambee, caawana duqdii deriskeenna ahayd baa daawo iga sugeysoo inay iga hor seexataan ka baqayaaye.”
Odaygii baa hadalkii inanta sii dhadhansaday oo waxay ula hadal ekaatay qof uu yaqaan. Inanku intuusan u jawaabin walaashii baa odaygii oo cadkii inantu si u taabtay yiri, “Wallee cadkaagu…. mise anaa khalkhalsan. Eebbow yaa hela qoftaan kugu hafayo! Kolley wax baad isu tihiine.”
“Adeer, ma qoftaan codkeedaad cid kale ku kahaysaa? Gabad- haan annagaa walaalo ah oo waatakhtarad meesha igalashaqaysa- Inankii baa yiri.
“Takhtarad aa! Ha beenaan, oo ma gabdho takhtarro ah baynu yeelannay! Iska daa naa waalane horaan u maqlay naago takhaatiir ahe, oo waxaan ku weydiiyey haddii adigii ninka ahaaba sidan u raxmad badan tahay, walaashaana waa sidee? Goormaase laga yaabaa inay ii timaaddo oo i daaweyso?” Odaygii baa yiri.
“Waxay baratay oy daaweysaa carruurta iyo haweenka,” Inan­kii baa yiri. “Haa, oo sidaas baa loo qaybsaday? Gartay, hadda ma iga tageysaan? Meeday Takhtaraddii, mise way tagtay?” Odaygii baa weydiiyey.
“Waa i kan adeer, ma tegine Takhtarkaan sugayaa,” Inantii baa tiri. “Waxaad yeeleysaa ducaad qabtaane orda, meel aad joog- taanba khayr iyo barwaaqaan idiinku duceeyey,” Odaygii baa yiri.
“Waa yahay adeer, innagana waa inoo berri subax iyo innagoo isla eegi doonna hadba baaritaankii wuxuu dhalo. Gabadhiina way kuu joogtaa, Caasha odaygii waa kaase hagaaji,” Inankii kula ballamay.
Odaygii baa inta madaxa ruxay yiri, “Nasiib badanaa ninkii ku dhalay, wallee iga fiican igana nasiib badan.”

“Maya, uma aqaan anigu waxaan Datoor Gurxan ahayn,” inantii baa tiri.
Habeenkaas dun oo dheelmay, labada dhanba tuhunno gashay iyo in wax la wadaago, waxaana la sugi la’aa waaga beryaaya iyo berrida lays haybsan doono.
Labadii walaalaha ahaa ayaa inta baabuurkoodii ku dhacay sii jiitey. Inantii baa inta walaalkeed oo baabuurkii wada soo day- mootay tiri, “Odaygu muxuu ahaa?”
‘‘Odaygu waa nin jirran, indha la’, gablan ah, da’daasna jooga,” Inankii baa yiri.
“Oo waxaan ku weydiiyey miyaanu dhalinba, mise booyaalow way ka dhinteen?” Inantii baa male-awaashey.
“Waxay sheegayeen inay badiba ka dhinteen. Mid keliyaa u haray midkiina way is-deyriyeen oo isma sheegtaan. Aniguse waxaas isaga lama soo qaadin ee dad kaiaa ii sheegay, maxaa yeeiay, isaga laiama soo qaadi karo oo niyaddaa ka xumaaneysa,” inankii baa gabadhii ugu warramay.
“Yaah? U fiirso hadda waxaad sheegaysid miyaadan u malayn karin inuu awowgeen yahay? Maxaa yeeiay, tilmaamahaa aad sheegeysid ayaa awowgeenba yeelan karaa,” inantii baa tiri.
“Naa maxaa tiri? Aad bay suurogal u tahay, haddase ku noqon meynee waa inoo berri subax. Ba’aa! Waa naftiisii, maxaa yeeiay, magaciisa buuba leeyahay. Ma ku noqonnaa?” Inankii baa yiri.
“Mayee ina mari berri baynu ka war heli doonnaaye. Waana in aynaan ku kedine siyaalo kale u guud-marraa, meelo kaiana soo xansannaa. Hooyadeen ma u sheegnaa?” Inantii baa la soo booddey.
“Maya, uma sheegayno ilaa aan wax hubinnoo, meel isla dhigno,” inankii baa ku jawaabay.
Odaygii baa isnadhankiisabaadigoobkagalayoointainantii u adeegeysay u yeeray yiri: “Maandhe, miyaad garanaysaaTakhtarka ina ayihiisa?”

Subaxii baa kol hore shaqadii loo soo jarmaadey, intii dhab- baha la soo hayey yaa inankii yiri, “Idil dhegeyso, odaygani wax ehel ah ma leh, dhowaanna gobollada dibedda ah ayuu ka yimid oo waxaan u jeedaa cid aynu ka xog-warsanno heli ma doonnee sidee baynu yeeli?”
“Horay yaa adiga kuugu sheegay inuu sidaad sheegeyso yahay?” Idil baa tiri.
“Oday kaloo maalin hore u yimid baa ii sheegay, isla maalintiina dib ayuu u laabtay. Dhibaato waxay ka joogtaa cidii wax la warsan lahaa, illeen isaga toos looma weydiin karoo wuu niyad xumaanay- eeye. Balse waxaynu yeeli waynu iska sugi ilaa aynu hello dad inoo xog warrama,” Gurxan baa yiri.
“Bal waa hagaag, inkastoon la sugiba karin.”

IX
Waxay sii socdaanba cusbitaalkii bay tageen, iyagoo himmad weyn u haya inay ogaadaan bal in odaygani awowgood yahay, ha yeeshee, ay la’aayeen dariiqaday u mari lahaayeen. Maalmo dhawr ah baa dhaafay intay u cid doonanayeen. Hooyadood wey kula dhici waayeen, aabbahoodna iskaba daa oo isagu waa ninkii inta soo ababiyey sheekada uga soo sheekeeyey. Waxay sidii isaga ooganto loona dab demis la”aado, maalintii dambe ayaa waxaa yimid oday- gii horay Gurxan warka u siiyey, kana yimid gobollada dibedda ka ah magaalo madaxda odaygu cusbitaalka kaga jirey. Hu’, cunto iyo lacag aan badnayn buu u sidey. Waa oday aan isba ka yareyn kan meesha yaalle indhaha la’.
Gurxan baa goor ay barqo dheer tahay oo uu magaalada ka yimid wuxuu isha ku dhuftay odaygii isaga ahaa oo iridda lagu celinaayo alaabna garabka ku sita. Nin aad u daallan, diif, iyo rasnaanina ka muuqato ayuu ahaa, maadaama uu safar dheer ka yimid da’na joogey iyo isagoo aan welibasidaa wax u haysanefaqiir hanti ku sheeggu haysto u habeen dhaxa, lama oran karin hanti wuxuu haystay ee naf dhawr bay ahayd, Gurxan awel baabuur buu watayoo inuu galuu rabaye, mar alla markuu arkay buuba hubi waayey, oo inta qaadan waayey indhaha marmaray, dib ayuu ugu soo laabtay oo isagoo isha la sii raacaya markii dambe isagoo huba inuu kuu moodayey yahay ilaaliyihii kala hadlay, “War odaygaa soo daa, adeer ina keen ma odaygii saaxiib- kaa ahaa baad u socotay, yaanan kugu khatalmine, mise cid kalaad u socotay? Soo fuul baabuurka.” intuu irriddii ka furay.
Odaygii baa farax kufi gaarey, oo inta hadba dhan isu qaaday irriddiiba qaadi weydey. Socod daayoo wuu soo orday baabuurki- ina soo gal maagay. Xoogguu u socday iyo alaabtuu sitey awgeed, buu dhaqso u soo kori waayey. Cabbaar markuu la rafanayey welina uusan Gurxan u jawaabin buu mar damboo uu Gurxan gacan ka helay baabuurkii soo galay.
“Haah! Allow ha na rag iyo xoola tirin. Maandhe, malaha nabad? Annagu nabdoonaan waana kuu warrami doonaaye, waxaan u socday odaygaad i weydiisaye saaxiibkay ah. Meeshaad ogeyde aan horay kuugu sheegay baan uga imid, maxaa yeelay, labadayaduba cutigaas baan nahay. Inkasta oonnu horay halyeeyo u ahaan jirrey, nasiib-darro gablan baanu nahay. Isagu waa i dhaami lahaayoo mid uu dhalaa joogee isagaa iska nacay oon dooneyn inuu sheegto, waxna la wadaago, kaddib markuu naag aan la aqoon cid ay tahayoo isla wareegto ah guursaday.”
Gurxan baa baabuurkii fariin xoog ah qabtay mar alia markuu hadalkaa maqlay. Isagoon wax hadal ah oranna intuu odaygii xoog u deymooday bushimahana marmaroojiyey, buu ka gaabsaday inuu su’aashaa iyada ah markaas iyada ah la qaadaa-dhigo, wuxuuna u deystay mar kaloo ay kaga habboon tahay.
Isagoo baasa-baaseyn iyo qaboojin u dan leh buu yiri, “Haa, micna ma leh oo adduunyadaa sidaa iska ahe iska dul iyo adkeysi lahaada. Haddana ina mari aan kuu geeyee. Meeshaan waannu ka beddelley oo hadda waa soo roonaanayaa indhihiisuna rajayba leeyihiin.”

“War llaahay baan kugu dhaarshaye, hadda ma waxaad i ieed- ahay indhihii Cartan baa rajo laga qabaa! Eebbow ha na takhaatiir tirin,” odaygii baa yiri.
“Inta rajo laga qabaa mid weyn laga qabaaye ina keen aad indhahaaga ku soo aragtide,” Gurxan baa yiri, isagoo guushiisa ku sii farxsan.
Waa laysa sii raacay. Gurxan baa alaabta badiba sida. Laba- duba aad bay u faraxsanaayeen. Cabbaar markii la sii socdey baa wiish la fuulay, Cartan xaggiisaa lagu sii socdaa. Wiishkii baa laga soo degey, iyadoo odaygii aad ula yaabban yahay waxa la soo fuuiay, markuu cagaha dhulka ku hubsaday buu yiri, “Dayuurad iyo baabuur ama maraakiib iyo doonyaa la fuuli jiraye goormaa waxa kanna la samaystay? Beio ku degtey! Adduunyo intaan annagu awrteenna iayleyney ama rakuubsaneysey ayaa dadyowgii kale meet kastaba waxay fuuiaan, wax ku arkaan, ku maqlaan kuna gartaan sameysteen. Alleylehe waa maqli jirey wiish baan fuulaye, ma maantaan fuulay!”
“Sidaad u sheegtay weeye iyo in adduunkii la inoo ka dheer- eeyey.” Gurxan baa yiri.
“Maxaad kaga daali, llaah baa gaaiada adduunka siiyey, maxayse ka dheefi aakhiray ku gabran yihiin oo cadaab uun baa sugeysee, innana aakhireynu Fardowsa ka cabbi doonaaye, markey iyagu jaxiima dhex mantagayaan,” Odaygii baa ilko caddeyn ku daray.
“Adeer, wallee nin kaa dheereeyey kaa dheeree adigu ama is-qanci meel cidla ahna gabbalku ha kuugu dhaco ama iska daayoo,” Gurxan baa ku daray.
“Kuma xumid dhallinta maantee waxalla wixii gaaladutiraahdo xadiis ama quraan samada laga soo dejiyey moodeysa,” Odaygii oo si u karaya ayaa hadalkaas yiri.
“Gurxan baa inta qabtay yiri, “Adeer raalli iga ahow waxaad sheegtay baa run ahe. Gaaladase maxaad ula jeeddaa?”

“Gaalada waxaan ula jeedaa faranjiga jirka cade llaahay dufeeyey intuu adduunka u fasaxay.” Odaygii baa ku daray.
“Gartay, halse ha illaawin, taas oo ah inaan waxqabadka aad- amigu gaalnimo ama jir cad ku xirneyne ku xiran yahay hadba qofku ha caddaado ama ha madoobaado, muslin ha ahaado ama yuu ahaane, wuxuu qabsado iyo siduu u dadaalo. Mise taasi kuma taaban karayso?”Gurxan baa ku dhugtey.
“lima muuqato waxay adduunka iyo aakhiro ugu sinnaadaan gaaliyo muslin. Ilaah baaba kala wadaye maxaad kaga daaleysaa.”
Gurxan markii hore damac inuu odayga wax fahamsiiyo, had- dana arag inuu engegnaa wax fikir ahoo geleysaana ayan jirin, markaas ayuu dooddiisii deystey oo hawshii kale doonay in uu meel marsado. Odaygii buu siduu usii wadey odaygii kaleee uu usocday iridda uga geliyey.
“Qoor iyo xero waa Cartan oo inta iska caddaaday nin caaf- imaaday u eg! War ba! warran?’’ Odaygii yimid baa markuu iridda ka soo galay orod, qaylo iyo sharqan dheeraad ah soo bilaabay.
“Alla, alia, alia, ha beenaan! Wallee waan sugayey, ma Sugullaa maantana soo socda? Saaxiibnimay ba’! Ma meeshaan ogaa buu iiga soo socdaalay, isagoo da’daan ogahay jooga! Allow ku magan,” Cartan baa faraxii raaciyey.
“War haayoo waa Sugullee, waa sidee? Wallaahaad inta ladan tahay caawadan aroos diyaar u noqon kartaa! Alleylehe aan mid dhawr da’ ama laba ku hartay kuu doono.” Sugullaa ku kaftamay.
“War iska hanfadanimadoo soo dhawow, soo fariiso,” ayuu yiri. Intuu sariirtuu ku jiifey meelay ka bannaaneyd gacan aan indho adeegsanayn ugu jaf-jafay, “Bal ii warran. Allow si ma kuugu baah- naa! Warka ila gaar, carrigii roob ma ka da’ay, ila gaar, xoolihiise wixii noolaa rajo ma lahaayeen?”
“Horta in la wareystoo uu warramo hadba ninka jirran baa lehe bal iska warran adigu, anigu waan kuu warrami doonaaye,”Sugulle ayaa yiri.

Cartan baa inta qoslay Sugullana dhabarka ka dharbaaxay yiri, “Caku iyo nimaan wax garad ahayn, illeen ninku Sugulluu ahaa. Anigu ladnaan iyo caaddaas, mahadi ha ka gaartee nin baa i gaarsi- iyey, abaalkiisuna mid aan gudidoono ma aha, maxaa yeelay, horaa loo yiri, (Abaal nin galaa waa jiraa, nin gudaase ma jiro). Ninkaas isaga ah, waa Takhtarka meeshaane la’aantii, inkastoo llaahay saamaha haayo, ma noolaadeen maanta, adiguna ladnaan iska daayoo nolol iiguma aadan timaaddeen.”
Intaa markuu yiri baa Sugulle wuxuu eegay Gurxan oon doon- eyn in la ogaado joogistiisa. Inta Sugulle deymo kulul eegay buu gacanta ugu baaqay, si uusan u taabsiin joogistiisa. Waa lays fah- may Sugullana maduxuu ruxay.
“Weligeed baa taas la arki jirey, maantana mid hor leh maahee bal iska sii warran?” Sugulle ayaa yiri.
“Maxaan kuu warramaa sowdigaa caafimaadka qabee indha- haad ogeydna ka rajo qaba inay ii furmaan, waa Alxamdu Lillaahi iyo mahadin aan mahadinayo inankaa isaga ah. Wax maanta iga maqane aan ahayn ubad la’aani ma jirto, iyagana llaahay baacesha- day oon uga samir leeyahay,” Cartan baa gocday.
“Oo kan ilaa iyo maanta noole aad adigu iska deyrisayna yaad uga samri?” Sugulle ayaa yiri.
“Ina ka daa wixii dufooba lama tirsadee. Dhasha fiican waa la yaqaan oo waa sida kan aanan dhaline sidaan ogahay ii dhaqaal- eeyey oo kale; llaah baan kugu dhaariyaye ha i xusuusin waxaan filayaa marar badan baan hadalkaan ku iri ee waa inaad wax ku qabsataa,” Cartan baa la kululaaday.
Intaa markey kala joogaan ayaa Gurxan goostay inuu iska baxo. Gacmaha ayuu Sugulle kala hadlay oo yiri, “Waan idiin soo laabanayaa ee sii joog. Sugulle si fiican buu inta ufahmay hayeyiri.
Gurxan toos buu walaashiis Idil ugu tegey, wuxuuna la socod- siiyey in nasiib wanaag nin odayga yaqaan la helay, markaana uu la joogo.
“Haye Idil, maanta waxaan haynaa oday odaygii la saaxiib ahoo meel fog uga yimid, ka warran nasiibkaas?” Gurxan baa yiri.

“Yaah! Alla nasiib badaninaa. Maxaad ka sheegaysaa waynaga Awowgeen hellaye, oo hadda waaba la joogaa?” Idil baa la soo booddey.
“Waa la joogaa. Booyaalow maxay noqon! Ma run baa ma been baa?”
Cabbaar baa hadal la’aan meeshii la isa soo hor fadhiyey Idil awel shaqey haysaye intay faraha ka qaadday baa la is-raacay. Odaygii baa la aadi maagay, haddana si baa looga madax laabayey oo waxaa la heli la’aa meet wax laga bilaabo iyo si aarintan loo furfuro. Gurxan ayaa mardambe yiri, “Anaaaqaan oo odaygayimid baan inta qado u qaadno dabadeed wareysaneynaa. Miyaanay ahayn?”
“war mayee intay tahay bay si walba u tahaye sidaa inoo ku daa. Ilaa cabbaar baynu joogi shaqada hadhowna baararkaas baynu u qado doonaneynaa. Laakiin, gurigiina aynu Telefoon u dirno in aynaan soo qado doonanayn, sow maaha?” Idil baa tiri.
“Runtaa weeye ee u dir iskana sii shaqayso anaa kuu imaan doonee,”
Waa layska kala dhaqaaqay, iyadoo mid waliba shaqadiisii aaday, saacado dhawr ahi markay tageen baa Gurxan u soo laabtay odayadii oo inta kol hore kala war dhammeysteen haddana iska kaftamaya. Markuu soo galayey sharqan buu soo sameeyey, si Cartan u ogaado inuu soo galay. Salaan iyo xog-waraysi buu oodda ka soo qaaday, “Haye adeer, maanta sow lama ladna?”
“Haa, haa, waa kan ma duulihii, ma dufoobihii, da’diisa ka roone, i daryeele, deeq badane, beel daajiye, Takhtarkaan kuu sheegayey Sugullow waa kan. Waxaa hubaal ah in haddii meel kasta oo Cusbitaal yahay kanoo kale joogi lahaa Soomaalidu wada bis- koon lahayd. Si aan u tilmaamo garan maayee ninku waa ninkan. Maandhe, llaahii ,ku abuuraye wax ku baray baa mahad leh. Anigu waan ogahay oo abaalkaaga gudi maayee Eebbe ha kaa ajar siiyo,” Cartan baa yiri.
“Haye, odayganina ma saaxiibkaa buu ahaa? Anaaba saaka iridda soo dhaafshaye. Daawadii saaka sow laguma siin?”

“Haa, la i sii waana ku sii ladnaaday. Odaygani intuu saaxiibkey yahay buu adiga mooyee inta maanta adduunka ku nool yahay qofka iigu waxtarka weyn. Waxtar Eebbaa lehe, laakiin, labadiin- naan la’aantood fili maayo inaan sinaba u noolaan lahaa. Bal eeg wuxuu dartay uga yimid kumanyaal kiiloorritir.”
“Haa, waan gartay, ee magaalada meel uu seexdo ma ka helayaa?” Gurxan baa weydiiyey.
“Waa helayaa maandhe, sidaan filayo, walowba ay si u adag tahay, dhaqsuubase u tagayaa,” Cartan baa ku jawaabay.
“Waa hagaag, waxaan yeeleynaa bal maanta anaa marti qaad- ahaya, mise meei kaluu ka casuuman yahay,” Gurxan baa ku deyey.
“War waad maqleysaa, bay ila tahay, waxna kama qabtid oo waa sida Datoorku yiriye la qado tag kolley innagu waynu wada joognaaye,” Cartan baa saaxiibkiis ku yiri.
“Waa sidaad ku taliseen, adiguna waad ku mahadsan tahay. Markaad tiraahdid ina wad baan ku raacayaa inta ka horreysana halkan baan kugu sugayaa,” Sugullaa ku aqbalay.
Gurxan baa inta dib u laabtay ku sii yiri, “Waa hagaage i sii sug anaa ku soo mari doonee.”
Cabbaar kaddib baa waxaa soo wada galay Gurxan iyo Idil oo wada socda Sugullayna yiraahdeen, “ina keen”. Waa la wada baxaye oo waxaa la abbaaray lama raag-raagine makhaayad dal- laalimo leh oo ay ku kala sheeko bogan karayeen, si aan weliba sheekadooda doodda ah loo maqal. Waxay tageen baararka magaalada ka baxsan ee loo majabaxsi iyo qado tago. Meel geed hoostiisa ahoo cidla ah baa inta la tegey darin lagu far-fariistay, iyadoo qado Sugulle aqoon dheeraad ah u leeyahay ee bariis fur- fura, hilib falfala iyo caano ka kooban laga majeertay.
Sugulle oo baahi belo ahi haysay baa sinaba u qaadan waayey in cunto sidatan ah waddankaba laga helo. Beerka ayuu dhigtay oo inta ka fuley duceeyey.

Labadii walaalaha ahaa ducada dantay lahaayeen baa kala weyneede, iyadoo marka laga faraxashay lagana tirtirtay cuntadii oo lafindhicilanayo ayaa Gurxan yiri, “Adeer, nabad! Walaalo ayaan labadayadani nahay, waxaana jirta in aynaan aqoon isu lahayn. Laga yaabee in aynu is-magac naqaan oo keliya, Cartan baana taa u sabab ah. Way jirtaa inaan ku dadaaiay odayga saaxiibkaa ah anoo mar aadaminnimo iyo waajibka iga saaran fulinaya, mar kalana aan u arkayey inuu ruux dad iyo ciirsi la’ yahay, iyadoo weliba jirro iyo itaal xumo gabow u dheer tahay.
“Hadda iyo dan waxaan doonayaa ama ku weydiisanayaa inaad odaygan taariikhdiisa noo taataabatid, waxa qof da’daa jooga uu u cid iyo ciirsi beelay iyo adoo sheegay in dad uu dhalay magaalada joogaan, isna kaba xanaaqay markaad ku soo qaadday.”
Sugulle oo ahaa gar-caddaa aan sidaa loogu duur xulin baa hadba dhan eegay oo wuxuu baadi goobay su’aasha waxa meesha keenay. INkasta oo uu aad u doondoonay, haddanasoodhufan waa meesha dulucdu tahay. Marnaba ma keensan meesha ama dhanka labada kale wax u warsanayeen. Meelo kale buu hadba isku qaad- ayey, waxayna ugu badnaatay lacag bay doonayaan oo waxay rabaan inay ogaadaan maalkiisa.
Cabbaar markuu sidii wax dhakan u maahsanaa buu mar dambe qodax afka ugu jirtayeuu ku findhicilanayey soo baxshay oo tuuray sina u karriin tiray, wuxuuna u soo kaankaansaday hadai iyo wuxuu ka oran lahaa su’aashii la weydiiyey.
Idil iyo Gurxan waxay sugi la’aayeen waxa soo yeeri doona. Waa la wada kadaalliyayey, lana kuur-kuursanayey. “Muu soo daayo wuxuu hayo, muxuu idinku caajinayaa?” baa mid waliba hoosta ka lahaa.
Sugulle mar uun buu inta ul uu sitey oo jifi lahayd dhulka ku jigeeyey kuna xar-xardhay yiri, “Maandhooyin, horta waad saiaaman tihiin, waana mahadsan tihiin, maxaa yeelay, maanta qado sidatan ah in waddankaba laga heli karayo ma moodeyn, siiba gaar ahaan carrigan aan joogno, annaguna aan u haysanno in dadkuba ayan wax aan muufiyo moosahayn aqoon. Waxaanfilayaa bariiskan iyo hilibkan Xamar dibaddey ka baratay maahee may aqoon hortii, allow yaa ogaada. Waxbase yaanan hadalka idinku daaline anigu nabaddoonaan.

“Haddaan idiin galo taad i weydiiseen idinku waxaad doon- taaba uga jeedoo, Cartan waa nin sidaad arkaysaan da’ jooga, aan hanti sidaas ahoo dhawr neef oo xoola ah dhaafsiisneyn leh, anigu ma aqaan lacag hadduu leeyahay. Hortii wuxuu ahaan jirey nin karmeed aan laga daba hadlin, hanti leh, haybadna daaba, oo dad xoolo mood iyo noolba gacantuu ku hayey, waxaase dhacay in mar dhexdii ah belaayo soo salaantay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa belaayo hayaan ahi ku soo ag furatay. Waxaa jirtay wiilashiisa korran mid ka mid ahaaye lagu ladnaa inuu guursaday naag xun oon la aqoon waxa ay ahayd, odaygaana taa ka xanaaqay, daba- deedna shir baa loo qabtay, anigu waan joogey. Shirkaasi wuxuu noqday mid guuldarro ku dhammaaday.
Odaygii hortiiba wuxuu fariistay in ama inanka hooyadii fur- naato ama uu naagta isla wareegtada ah meel ay ka timidna aan la aqoon furo.
Intaasi markay ka soo baxday baa Idil adkaysan weydey oo inay hadasho maagtay, ha yeeshee, Gurxan baa gujis, il-jabis iyo qamuunyo si u wada kulul tusay, si ay u sugto ilaa arrintu dhambalmayso.
Sugulle dareen sida la isugu dusinaayo, ha yeeshee, tiisii buu ka watay. “Inankii ma noqon mid dhaartaas iyo xila-dalaaqii ku soo loodsamey, ee wuxuu istaagey in uusan marnaba naagtiisa furi doonin, isaga iyo aabbihiina nin waliba xaaskuu leeyahay hadduu furayana ay isaga ku xiran tahaye, kan kale dani kaga xirnayn.
“Taladii baa cirka isku shareertay meel wax laga qabtayna weydey. Waa lagu kala dareeray iyadoo suntii meesha ka qarxatay khalqi badan sababtay. Habartii inanka dhashay oo qaadan la’ tan dhacday, odaygii oo bahal jiciir la yiraahdaa garba-tirtay. Dadkii garta gala is-lahaa oon anigan ka mid ahaa oo meel ay wax ka yiraahdaan ama ka qabtaan la’ bay talo isugu soo luga duwatey in iyadoon la hadlayn lana yaabban yahay layska kala dareero.
Maalintaa laga soo bilaabo leelleel iyo dhibaato adduun baa reer Cartan la saan qaadayey. Habartii inkastoy furrayd way dhima- tay. Odaygu buul ka bax buu noqday, ilmihii kalena mid mid bay isaga daba dhinteen, odayga oo xoolo miyi iyo magaalaba lahaa wuxuu waayey ciidan, sidaa daraaddeed, xoolihiina dadkii bay raaceen, meeshii waxaa ka soo haray odaygii iyo kii ayan is- sheeganeyne lays deyrshey. Ilaa iyo maantana waa nool yahay oo Xamar tan buu ugu war dambeeyey.
“Arrini waa sidaa, odaygu waxaa jirta inuu waayadii hore mar Xamar degay, ha yeeshee, markii balaayadaasi qabsatay buu isaga noqday meeshuu horay ugu dhashay oo ka soo hantiyeystay.”
Gurxan baa inta qoslay yiri, “Oo gobollada dibedda markii laga soo hantiyeysto waa laga yimaadaa macnaha markii la fakhri- nayana waa la aadaa, dib baa loogu laabtaa?”
‘‘Sidaad doontid ka dhigoo aniga waa iga intaa,” Sugullaa ku soo gabagabeeyey.
Labada walaalaha ahi aad bay u farxeen una naxeen, si baa dab looga shidayaa. Gurxan oo ka sii hubaal gaar leh baa yiri, “Mid ii hartay baan ku weydiinayaa, waxay tahay adeer, ninkadhibaatadaa dhigay magacii?”
“Magaci ba’a waxaa la oran jirey Cabdi Cartan,” Sugullaa la soo boodey.
Isku mar baa labadii walaalaha ahaa boodeen oo wada saca- biyeen, bey qosol gariir kala goyn waayeen, “Yaah! Alla, ah,ah: (Brobbiyo waa sidii, haye!”).
Sugulle shaki welise waxba ma garan. Isagoo isna qosol dameeri dhaan raacday ah dhankiisa ka wada buu yiri, “Ah, ah, ah, war maxaa idinka qosliyey? Malaha waxaabad ka hesheen hadal xumidayda?”
Gurxan oo ka sidii qoslayey baa yiri, “Waxaa naga qosliyey adna way kaa qoslin doonaan markaan kuu sheegno.”
“Warda ii sheega anna aan idinla qoslee,” Sugullaa yiri.
“Kuu sheegnaye annaga, labadayadan waxaa na dhalay oo aabbe iyo hooyo noo ah labadii markay is-guursadeen la nacaye laysku deyriyey sidii iyadoo ay fadaroobeen. Arrinina waa sidaase bal maxaad ka oran karaysaa, gaar ahaan adigiyo awowgayo!” Inankii baa yiri.

Sugulle wuu fadhiyaye intuu adkaysan waayey buu isa sara taagey oo isagu isuma nixine wuxuu u naxay Cartan wuxuu yeeli doono markuu arrintaan ogaado. Waa amakaag iyo af kala taag! Cabbaar buu aamusnaa iyana arke siday ugu wansiixday. Hadalba waa ka soo bixi la’aa, mar dambe buu inta adkaysan waayey yiri, “Belaa ka dhacday war maxaa tiri! Qofkii nooli wax kasta waa arkaa. Waa mid aanan marnaba maalinkan maanta ah meeshaan ka sugeyn. Hadalka markaad i weydiineyseen wax kasta is-tusay, mar- nabase waxaanan meesha keensan horteydana aan imaan taad leedihiin, mase xuma. Oo hadda ma waxaad i leedihiin Cabdi Cartan baa idin dhalay, hooyadiinna waa qoftii sidaan ogahay ioo xumeeyey? Allow ku magan, waileadduunyosidaad moodeysid ma aha. Maxaa ruux wax is-moodsiiyey oy u ahaan weydey siduu u qorshaystay! Maxaa mid wed sugayey dhiman waayey, maxaase wed aan la sugeyn lays kala kulmay.
“Allow ku magan, war maxaad tiraahdeen! Maxaad ka sheegi Cartan gefyey nasiib buuse lahaaye. Fiii maayo inuu get dambe u noqon doono. Balse yaanan iska qarda jeexine, isagu arrintan ma og yahay?”
“Mayee wax uu ka og yahay ma leh, annaga naftayadu adaan kaa saxaneyney,” Gurxan baa ku qanciyey odaygii.
“Idiin saxaye, hooyadiin sow taan tilmaamayo ma aha, maga- ceeduna waa Maryan haddaanan gefin?” Sugulle male-awaaley.
“Waa sidaad u sheegtaye, waxaynu yeelayno aynu isla meel dhigno sidaynu odayga arrintan ula socodsiin lahayn. Waa in aynu ogaannaa in loo baahan yahay inaan lagaga naxsan ee tartiib iyo iyadoo kaftan loo hoos gelinaayo loo sheego mise maahaadeer?” Gurxan baa soo jeediyey.
“Maandhe, taasi waa sida aad dadkiinnan dambe qabtaan, ha yeeshee, annagu waaba isaga naxsannaa farxaddaas oo kale, waxaadse yeeleysaan horta aniga igu daayoo aan u sii taataabtee, dabadeedna mar uun na soo karmeera, si aynu isula wada eegno. Mise sidaa ma aha?” Sugulle ayaa isna ku taliyey.
Idil oo cabbaaraddaaba inay hadasho dhowraysey baa tiri, “Adeer, waa sidaas aad u sheegtay, balse ha illaawin inaadan kaga naxsan, haddana ina keena.”

Inta lays wada dhugtay baa la kaakacay, waa la sii ambabaxay iyadoo xaggii cusbitaalka loo sii jeedo. Sugulle ka sidii waadhakaf- aarsanaa. Hunguri baaba isaga laftiisana galay oo dadkani ugama duwaneyn dad uu dhalay, maadaama saaxiibkiisa ay isku dhintaan awoowe aan la filayn u noqday.
Guud ahaan labada dhanba mar waa faraxsanaayeen, mar kalena waa naxsanaayeen. Hadba inta lays eego baa qosol si ah hoos laga xadayey.
Sugullaa waxaa ka soo hartay madax ruxid iyo af-maroojin sidii isagoo wax uu qaadan waayey arkay ama maqlay.
Wax la sii socdaba iyadoy casar dheer tahay baa cusbitaalkii la tegey. Markii la galayey baa Gurxan yiri, “Adeer, waa sidaan isla aragnaye, adna waad u sii tageysaa adoo meel cidla ah la tegi doona, waxaana fiican baan filayaa adoo inta soo haga beeraha hoose la yimaada, si uu isna isaga layrsado annana aannu daba- deed idiinku nimaadno goobtaas. Mise sidaa ma aha?”
“Adoon su’aaiba gelin waa sidaase horta intaad meeshuu yiil i tustid meelahaas naga ilaasha, cabaar markaad joogtaanna noo imaada,” Sugullaa kula dardaarmay.
Sid” uaa la yeelay. Sugulle, Cartan buu u tegey, labadoodii kalena du^. *ay galeen. Idil intay walaalkeed siday la faqayso afka u soo dhoweysay bay tiri, “Waxaan ka baqayaa in odaygani hadda waa ladan yahaye ay arrintani uga darto.”
“Darraan baad sheegaysaa anna waxaan ka baqayaa inuu kaba xanaaqo oo uu ka qoomameeyo waxaynu tarray, kaddib markuu ogaado xaaladdan. Dadka gaar ahaan odayadii horee isaga iyo dhiggiisu ka dambeeyo, qaar baa dhagxan ahoo meeshay qabsad- aan iyo waxay goostaan aan iaga loodin karin, wax kastoo la soo darsa. Marka waxaan rajaynayaa in uusan kolley waalidkeen inkiry- eye innagana ina inkirin, midda keliya ee aan filayo way xiri karay- saa waa baahida uu qabo iyo itaaldarnaanta haysa.” Gurxan baa maleeyey.
Sugulle siduu u sii ordayey buu waxba ma joogsane cartan oo iska jiifoo aan hurdin u tegey. “War haye Cartan?” Sugullaa yiri.

“Allow nimaan wax ogeyn ha cadaabin, war geel iyo ciise ha lahaane bal ina keen adaa markaad maqashid ama waalan ama biskoone.”
Cartan waa kacay oo inta dacaskiisii dhulka ka haabhaabtay gashaday. Horay baa laysu sii raacay, wiishkii lama raacin oo waa laga baqay, lug baa loogu jeexay. Beertii loo tilmaamay baa la tegey. Waxaa la fariistay kursi sheer oo shamiinto ka samaysan. Sugulle mar alia markuu ku hubsaday in Cartan salka kursiga ku hayo ayuu isna dhinac fariistay garabkana ka dharbaaxay oo yiri, “Cartanow maxaad u malaynaysaa inaan kuu soo kaxeeyey?”
“Ciddii iyo tuldihii geela ahaa baad dooni anaad iiga warrantide adoon waxba geedo isku waabin, illeen anba taa waa kaa sugayey, soo daa.” Cartan oo si caadi ah u hadlayaa yiri.
“Waxaan kuu sheegayaa warkii aan kuu wadey, anoo kolley iyo kolley kuu sheegi doona, waa laga soo soka maray oo mid kana wacan kana waxtar roon baa galabta gondaheenna taale ma kuu galaa?”
“Mid khayr Alla ha inoo ka dhigee bal soo daa,” Cartan baa yiri.
“Soo daayaye, maxaad oran lahayd haddiiTakhtarkaaguyahay nin aad awoowe u tahay, oo weliba awownimadu way kala jirtaaye uu yahay ina-Cabdi Cartan, ayna dhashay hooyana u tahay Mary- antaad garanayside goobtaad ogeyd ku kala dhimateen adoo weliba kaad dhashaye Cabdi ahaa waa takhtarkaaga aabbihiiye ku dayriyey. Garatay bay ila ” Sugulle oo weli hadalkii wata baa
“Oow! waa nabade bal warran? Sow maanta si fiican uma soo qadayn? Wanaaggaan kuu sheegayeyse ninkaan isaga ah sow kuma soo arag?” Cartan baa la soo boodey.
“Waxaad yeelaysaa taa lagaba weyne bal ina keen adna iska soo ley rsoo, sheeka weyn ama war war ka tegey baan kuu hayaaye aan meelahaa cidlada ah tagnee,” Sugulle uga argagixiyey.
“Armaad tiraahdaa dhawrkii halaad baa ama dhumay ama la dhacay aniga wax kaloo sidaa ii damqaya ma jiraane,’’ Cartan baa yiri.

Cartan oo dab laga shidayaa inta Sugulle haabtay yiri, “Afkaaga caano lagu qabaye, maxaad tiri? Ma hubtaa arrinta mise waad iska leedahay? Xaqiiq ma tahay? Yaa soo caddeeyey?”
“Arrintani waa mid hubaal ahoo looma laabtaan ah. waa sidaa aan kuu sheegaye ku talo gal,” Sugulle ayaa ku adkeeyey.
“Haddey taasi run noqoto ma waxaan filayey, mise in wax kastaba dhici karaan, ma filayn taas, ha yeeshee, waa mid dhici karta. Booyaalow maxaase ka run ah? Hadday run noqotase maxaa ila gudboon? Oo waxaan ku weydiiyey hadda isagii mee tolow?” Cartan bay talo ku barraahsatay.
Marka Cartan su’aashaa dambe weydiinayey, Gurxan saddex tallaabuu u soo jirey, waana ku soo socdaa, waxaana isku mar kulmay jawaabtii Sugulle Cartan siinayey ee ahayd, “Waa kane salaan,” iyo hadalkii Gurxane ahaa, “War maxaa la hayaa? Galabta si fiican baa loo neecawsanayaa miyaa?”
Cartan indhuhu waa duubnaayeen in muddo ahna duubkaas ayaa saarraa, iyadoo la rabay in laga furo dhawaan aadna looga rajo qabay in araggu u furmo. Cartan daawo aad u badan oo waxtar leh buu qaatay. Markaa iyada ah wuxuu joogay markii la kala hubin lahaa inuu wax arkayo iyo in kale. Faashadda ku duubnayd ma ahayn mid sidaa u sii adag wayba sii dhacaysay.
Cartan markuu hadalkii Takhtarka maqlay, buu aad u jecleys- tay inuu arko, aad buu u hiyi kacay. Faashaddii ku duubnayd buu gacmaha la aaday oo fag iska siiyey, markuu iska furayna wuxuu daymooday Gurxan oo ag taagan. Cartan faashadda ayaa isaga duubnayd maahee, dhowr beriba indhihiisu waa furnaayeen, wax buuna arkayey. Waxaa si kedis ah isaga dhacay inay isla kulmaan eegmadii Cartan eegayey Gurxan iyo markii ugu horraysay ee ind- haha Cartan inta faashadda laga furay ay wax arkaan. Wuxuu arkana waxaa u horreeyey takhtar Gurxan, oo uu u jeclaa wuxuu deymoodo ama uu arkaba. Wuxuu kala heli waayey inuu riyoonayo iyo inay dhab tahay oo aan wax been ahi jirin.
Cartan waaba hadli la’aa, intooda kalena waxay u haysteen inuu ku maqnaasiduu arrinta ka yeeli lahaa. Cabaar kolkii aan laysla hadlin baa markii dambe Cartan qoslay oo inta Gurxan ku soo

boodey oo isku duubay oohin qabsaday. Dhiniciisa kaluu dey- mooday mise gabar baa taagan, markaas ayuu yiri, “Gabadhani ma walaashaa baa?” “Haa awoowe waa walaashay.”
lyadiina inta ku booddey buu isku duubay, labada gacmood buu labadoodii inta ku kata qabsaday midba dhankiisa isaga duubay iyagoo iyaguna u dabacsanaa sida odaygu hadba dhan ugu jiidanayo.
Mar dambe ayaa Gurxan wuxuu is-weydiiyey sida odaygu u arkay Idil oo uu inta ugu boodey u haleelay inuu qabsado. Wuxuu ogaaday in indhihii u furmeen, markaas ayaa la cararay si daaw- aduu u baahanaa loo siiyo.
Cartan baa wuxuu kala goyn waayey qosol gariir, gabay, iyo hadal kaloo caadi ah. Hadalladuu lahaa waxaa ka mid ahaa: “Iga raalli ahaada waan gefaye, qofku waa gefaa, waxaase xun hadduu ka noqon waayo. Waan ka noqday; cafis baan idinka iyo waalidkiin weydiisanayaa, Eebbana dembi dhaaf.”
Caafimaad aan la qiyaasi karin baa u soo dheelmaday Cartan. Gurxan iyo Idilbaarke inuu ladnaa, markaasey qaadeen oo waxaa la wada aadey gurigii ilmaha iyo waalidkoodii horay laysugu dayriyey.
Intay dhan walba ka badatay bay hadalba beeshay. wax lays yiraahdo iyo wada hadal daayoo qof waliba dhankiisuu isula sheekeysanayey.
Cartan baa mar uun yiri, “Calaf allow cajab! Hadda xaggee baad inoo waddaan?”
“Waxaan ku geyneynaa gurigii ay joogeen Cabdi iyo Maryanba. Mise waxbaad ka qabtaa? Fili maayo inaad wax ka qabaysid, maxaa yeelay, iyagaa waalid noo ahoo na dhalay, namana ay dayrine intay na koriyeen bay waxna na bareen ilaa aan adigiyo dhiggaaba wax ku anfacayn,” Gurxan baa yiri.
“Ma inaanan wax ka qabin, mise in ayan macaaneyn dadkaan isu deyriyey maanta hoos tag? Wax kama qabo, ha yeeshee, waa mid yare aan macaaneyn baan u malaynayaa inaan anoo shalay taan ogaa ku sameeyey maanta soo hoos fariisto, laakiin, taas mid igaga filan waa idinka joogitaankiinna iyo waxaad horay iyo had- daba ii taraysaan. Ogaada waxa i wadaa waa idinkee iyaga maaha,” Cartan baa yiri.
Sugullaa inta qoslay yiri, “Ah, ah, ah, war nin yahawdadkeennii horana is-khaafin baan maaro looga helayn. Maxaadan u qirayn in kuwani dhashii kuwaad nacday, haddana nacaysid yihiin, xaggee baad u kala waddaa?”
“Sugulle, hal ha iska indha-tirin in dadku kala duwan yahay qof kastaana shakhsiyaddiisu u gaar tahay, dhalashadu waa mees- heeda,” Cartan baa ku dooday.
“Mayee waxba ha is kululaynine, bal u yara kaadiya,” Idilbaa kaanso u heshay.
Gurxan waa fekerayey, wuxuuna goostay in bal horta ayan roonayn in kadis loo galo guriga oo laga yaabo in waalidku dhib- sado, sidaa daraaddeed, wuxuu is tusay inay habboon tahay in intuu intooda kale baabuurka gudihiisa ku sii dhaafo isaga keligii waalidka u tagoo soo ogeysiiyo, dabadeedna arrintu sidey noqoto la isla arko. Gurigii baa lagu soo dhowaaday Gurxan markaas ayuu yiri: “Awoowe waxaan yeeleynaa idinku waad i sii yare sugaysaan anna bal waxaan soo eegayaa in gurigii la joogo iyo in kale.” Odayadu way fahmeen danta uu leeyahay kamana ay waaline, “Haye” bay wada yiraahdeen.
Gurxan gurigii buu galay oo aabbihii iyo hooyadii oo meel fadhiga loogu talo galay fadhiya inta u yimid oo salaamay isagoo qoslaya wuxuu yiri, “Waxaan idiin wadaa qof aad mar ka nixi doont- aan, marka xigana ku farxi doontaan.’ Odaygii cabdi ahaa baa yiri, “Waa maxay wuxu, waa qof sidee ah?”
“Waa aabbahaa, aniga awowgaye u diyaar noqda, anoo idinka codsanaya inaydinaan kala kala jabine gacmo iyo laab furan ku qabataan, sababtoo ah, haddaan Cusbitaalka ka soo saaray kaddib markaan anoo aan aqoon u lahayn daaweynayey muddo dheer. Midda kale horay wuu u indha la’aa, haddase wax buu arkayaaye bal haka nixinnina waa intaa oo hadduu naxo uu mar kale wax noq- daaye, mise sidaa ma aha aabbe iyo hooyo? Way jirtaa inuu dembi

idinka galay, ha yeeshee, maanta ma aha nin jooga heer ka aar- gudasho iyo wax la mid ah; dul qaata kana duceysta,” Gurxan baa ku taliyey.
Labadii waalidka ahaa afkii baa labo daan noqday. Way ama- kaageen, waxana ka degi waayey arrintaan loo sheegayo. Hadalkii caqli-galka ahaaye Gurxan jeedinayey la maqal. Waa la is-eegay, iyadoon lays talo weydiin baa isku mar la wada yiri, “waa hagaage bal soo gala, waa meeshii bad-dhacu kaga maahmaahay,“lndhihii dhiman waaya geel dhalaayana waa arkaan! La yaabse ma leh oo adduunyadaa sidaa iska ah.”
Gurxan ma joogsane dib ayuu u orday oo inta kooxdii sugeysay u tegay yiri, “Ina soo geliya.”
Waa la soo dareeray oo gudaha la isku soo shubay. Maryan iyo Cabdi intay kol hore isa soo taageen bay u soo diyaar noqdeen qaabbilaad iyo soo dhoweyn. Gurxan iyo awoowihii oo midigta ka socda baa u soo hor galay. Meel dheer baa waxaa iska milicsaday Cabdi iyo Cartan iyo Maryan. Mar alia markii Cartan, Cabdi arkay baa la galay wax uu yeelana uu garan waayey. Calooshiibaa is- majiirtay oo intuu naxay, qaboobay, yaxyaxay baa baalkii kaqoyey. La wada arag inay ka qasnayd, Cabdi baase aan waxba sugine inta soo tallaabsaday odaygii qabtay oo yiri, “Aabbe, soo dhawow waa gurigaagiiye, sow ma ladnid?” Sidoo kale yaa Maryanna inta ku soo dhowaatay cimaamad ka dhacaysay u qabatay. Isagu waa la socdaa sida loo xannaaneeyo, waxaase geli la’ sida maanta arrini tahay iyo siday shalay ahayd, gefkuu galayna isagoo filim ah buu daaw- anayey, sidii hadal looga sugayey yaa ilmo soo dhaaftay oo inta kursigii lagu fariisiyey ka kacay Maryan inta madaxa ka qabtay yiri, “Maandhe, iga raalli ahow, waa gefey, gardarraan sameeyey, cafis- keedana adaan ku weydiisanayaa.”
Maryan baa iyana dhankeeda inta odaygii qabatay tiri, “Adeer, micna ma lahoo waynu ka biskoonaye iska deg, cafis iyo ka badanba diyaar baan kuula ahay.”
Cartan baa meel qaadata waayey, cidda intii kalena iyagoo iyaba faraxsan bay haddana dhegaha wada taagayeen Cartanna daawasho iyo ilaalin ku hayeen. Hal hayska Cartan wuxuu noqday, “Anaa gefaye dadow gefka iska jira.”

Gurigoo dhan oo markii la eego laga wada faraxsanaa baa haddana wada amakaagsanaa. Dhan Cartan baa ka soo jeeday oo la wada dhegeysanayey, dhanka kalena dadka intiisii kale.

“Anaa diley anaa deyriyey oo dembiga qaatay,
Anaa doontay dow aan la marin oo dib ugu aayey,
Anigaa dariiqadii la rabey diidey oo rogeye,
Anigaa dundumo dhaansadoo diin col ugu duulay,
Dadka iga dambeeyow waxaan idin dareensiiyey,
Haddii taladu dacalkiinna taal yaan la daayicine,
Dib u eega nolosha iyo dadkuba waa wax daawa lehe,
Dhaqammada dadkii hore dhigeen yaan la dagaleysan,
Daynaamig weeyaan bulshadu dir u xumaad diiddan,
Duuggiyo wixii laga durkaba haw dannimo yeelan,
Sida geeddigu u duuban yahay beeshu ha u daaqdo.”

Cartan baa isaga hadaaqayey gabaygan.

DHAMMAAD


Buugaagta iyo Qoraallada Akademiyada ee laga heli karo dukaammada Madbacadda iyo Akademiyada:

QAAMUUSKA AF-SOOMAALIGA
(Somali Dictionary)
waa qoraalkii u horreeyey ee isku qeexaya erayada af-Soomaaliga ah. Waxaad ka heli kartaa erayo 10000 kor u dhaafay.
498 bog (Sh.So. 40 | US$12)

TAARIIKHDII DARAAWIISHTA
(The History of the Dervishes)
Waa buug ka sheekaynaya taariikhdii halgamayaashii gobannimo ee Daraawiishta muddadii u dhexeysey 1895 – 1921.
320 bog. (So.Sh. 30 | US$7)

XEERKII SOOMAALIDII HORE
(Traditional Somali Law)
Waa qoraal lagu ururiyey xeerarkii iyo qawaaniintii Soomaalidu ku garsoori jirtey dacwadaha bulshada
63 bog. (So.Sh. 5 | US$2)

GARBADUUBTII GUMEYSIGA
(The Chains of Colonialism)
Waa sheeko taariikheed soo jeedinaysa wiil yar oo soo-yaalkiisa qofeed iyo qarannimadaba ku ogaanaya dardaaranka iyo waaya-aragnimada facii ka horreeyey u soo gudbinayo.
185 bog. (So.Sh. 30 | US$6.80)

AASAASKA AQOONTA CAAFIMAADKA
(Basic Health Education)
Waa qoraal caafimaadka aasaasiga ah iyo lama-dhaafaanka faya-dhawrka ku guubaabinaya bulsha-weynta.
32 bog. (So.Sh. 5 | US$1)

DABKUU SHIDAY DARWIISHKII
(The Fire the Dervish Lit)
Waa riwaayad kooban oo tixo murti iyo mudnaanba leh ku soo bandhigeysa waayihii halganka Daraawiishtu soo maray.
118 bog. (So.Sh. 5 | US$3)

HOOYADA IYO HAWLAHEEDA
(The Mother and Her Duties)
Waa buug ay adeegsan karto hooyo kasta, waxaad ka heli doontaa mawduucyo kaalin muuqata ka gelaysa hoyga iyo hayntiisa.
38 bog (So.Sh. 3 | US$2)

NAXWAHA AF-SOOMAALIGA (Somali Grammer)
Qodobbada naxwaha, kaaliyayaasha qoraalka macaan, dhismaha farta Soomaaliga iyo wixi la mid ah.
156 bog. (So.Sh. 3 | US$4)

SHEEKOOYIN SOOMAALIYEED
(Somali Stories)
Waa ururin sheekooyin hidde oo ka kooban 28 sheeko. Waxaad ka baran kartaa qaar ka mid ah sheekooyinka xikmadda leh ee Soomaalidu isu soo tebin jirtey.
63 bog (So.Sh. 3 | US$2)

MURTI IYO SHEEKOOYIN
(Sayings and Stories)
Waa buug ay ka faa’iidaysan karaan ardayda fasallada Dugsiyada Dhexe ku jira. Xikmad, madadaalo, xiiso – waxa ku dhan suugaan il-qabadkeed layliyo ayaa iyana ku jira.
98 bog (So.Sh. 3 | US$2)

Kacoo Dalka Beerta
(Go Cultivate the Land!)
50 bog (So.Sh. 1 | US$2)

Xiin Finiin
(Hiin Finiin – the name of Sayid Mohamed’s battle horse)
56 bog (So.Sh. 4 | US$2)

Furaan Afaan Oromo’o
(The Key to the Oromo Language)
89 bog. (So.Sh. 4 | US$2)

MAAHMAAHO SADDEX-SHUB
(Tri-lingual Proverbs)
Waxa ku dhan 264 maahmaahood oo Soomaali ah oo ay barbar yaaliin u-dhigankooda Ingiriisiga iyo Carabiga ah.
81 bog (So.Sh. 4 | US$3)

(*) Waxaad kale aad ka heli kartaan Akademiyada, Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.

Rooxaan (Spirits) 28 bog. (So.Sh. 1 | US$1)
Geeddiga Wadaay! (Lead the Caravan) 60 bog. (So.Sh. 2 | US$2)
Halgankii Nolosha (The Struggle for Life) 43 bog (So.Sh. 2 | US$2)

WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA
STATE PRINTING AGENCY

S—ACFS — 25