Afartanka Xadiis

Waxaa qoray: Imaam an-Nawawi
Waxaa tarjumay: Cabduraxmaan Xuseen Samatar
Waxaa hordhaca leh, naqtiimayna: Cabdulcasiis Xasan Yacquub

Daar al-Khayr
Jidda, Sucuudiga
6870679

KU BILAABID MAGACA ALLE EE NAXARIISTA GUUD IYO MIDDA GAARABA LEH

AFARTAN XADIIS
QAYBO KA MID AH AXAADIISTII NEBI MUXAMMAD ﷺ

Ururka Islaamka ee Gargaarka Soomaaliya

TUSMADA KITAABKA

Gogoldhig
1. Camalku waa Niyadda
2. Tiirarka Islaamka
3. Dhidibbada Islaamka
4. Abuurista Aadamiga
5. Bidcada
6. Ka Dheeraanshaha Shubhada
7. Waanada
8. Xurmada Muslimka
9. Qofka Laguma Waajibiyo Wax ka Badan Awooddiisa
10. Wax la Wada Faray Nebiyada iyo Muslimiinta
11. Dhawrsoonaanta
12. Ha Fara Gelinin Wax Aadan ku Shaqo Lahayn
13. Kalgacaylka
14. Waxyaalaha Dhiigga Muslimka Banneeya
15. Anshaxa Wanaagsan
16. Carada
17. Naxariista
18. La-Dhaqanka Dadka
19. Gargaarka Alle
20. Xishoodka
21. Qumanaan
22. Wax Jannada Lagu Galo
23. Falka Khayrka
24. Reebidda Dulmiga
25. Wardigu Waa Sadaqo
26. Xilka Saaran Xubnaha Bulshada
27. Shakiga Sidaad Uga Bixi Lahayd
28. Dardaaran
29. Jidka Jannada Loo Maro
30. Xuduudda Eebbahay
31. Wax Ilaahay iyo Dadkuba Kugu Jeclaadaan
32. Ma Bannaana Adiyadu
33. Aasaaska Doodaha
34. Reebidda Munkarka
35. Is-Xaq-Dhawridda Xubnaha Bulshada
36. Badbaadinta Bulshada
37. Deeqsinimada Ilaahay
38. Qofka Colaadiya Awliyada Ilaahay
39. Xaaladaha Qofka Aan Loo Qabanayn Dambiga uu Falo
40. Inaan La Isku Hilmaamin Dunida
41. Hawo-Raaca
42. Khatarta Shirkiga

Gogoldhig

Hordhac

Mahad Allaa leh, naxariistii iyo nabadgelyadii Alle ha ahaadeen Nabigayagii Muxammad ﷺ korkiisa, ehelkiisa, asxaabtiisii iyo intii samaanta ku raacday ilaa maalinta Qiyaamaha.

Kaddib:

Waxaynu ogsoonnahay in labada asal ee loo noqdo si loo fahmo diinta Islaamka, saldhiggana u ah nolosha qofka Muslimka ahi inay yihiin Qur’aanka kariimka iyo Sunnada dahiran ee Nebiga ﷺ.

Midka hore ee ah Qur’aanka, waa hadalkii Alle; midka labaadna oo ah sunnada ama xadiiska Nebiga ﷺ hadba kan loo yaqaan waa tusaalooyinkii Nebiga ﷺ ee waajibka ah in la raaco, siduu Allahii Casiiska ahaa yiri:

[وَمَا آتَاكُمُ الرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَاكُمْ عَنْهُ فَانتَهُوا]

”Wixii uu Rasuulku idin siiyana ee amar ah qaata wixii uu idinka reebayna ka hara.”

Sunnaduna waa tan bayaanisa Qur’aanka, dhammeystirkana u ah hanuunka iyo kheyrka xagga Rabbigeen inoo laga soo dejiyey.

Qofkuna hadduusan darsin Sunnada kama qaadan karo suurad dhan ee sax ah axkaamta diinta, mana fahmi karo xaqiiqda Islaamka iyo kheyrka ku laran.

Sidaa awgeed ayaa waxaa ii muuqatay inaan walaalaheen Soomaaliyeed u soo gudbinnaa qaybo ka mid ah axaadiistii Nabigeennii suubbanaa ﷺ oo afkooda hooyo ugu tarjuman, si looga haqabtiro baahida ka haysata xagga axaadiista Rasuulka ﷺ.

Waxayna doorashadu ku dhacday inaynu ku billowno daabacaadda iyo fidinta kitaabkan uu qoray walaalkeen Sheekh Cabdu-Raxmaan Xuseen Samatar, kaddib kolkaan naqtiimay kitaabka; wixii khaladaad ahina aan ka saaray. Kaddibna waxaan jecelnahay inaan soo saarno kitaabka Riyaadu Saalixiinka uu qoray al-Imaam an-Nawawi isagoo af Carabi – Soomaali ah, haddana aannu ku howlannahay.

Waxaana suurta gal ah in Ilaahay kheyrka ina waafajiyo oo aan dadaalka meesha ka sii wadno oo qaybo kale ee xadiiska Rasuulka ﷺ soo saarno sida Saxiixul Bukhaari iyo Saxiix Muslim.

Waxaan u rajeynaynaa dadweynaha Soomaaliyeed inay ka faa’ideystaan, kuna camal falaan mabaadida toosan ee Rasuulkeennu ﷺ inoogu yeerayo.

Allaana u wakiilannay inuu wax ka dheefsiiyo walaalaheen dadaalkayaga, innagana innaga aqbalo camalkayagan, kana dhigo mid khaalis u ah Wajigiisa Kariimka ah.

Naxariistii iyo nabadgelyadii Allana ha ahaadeen nabigeennii Muxammad ﷺ korkiisa, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii samaanta ku raacday ilaa maalinta Qiyaamaha. Aamiin. Aamiin. Aamiin.

Cabdul-Casiis Xasan Yacquub

Hordhaca Tarjumaha Buugga

Wuxuu ku sheegay mu’allifka kitaabkani Imaam an-Nawawi, gogoldhiggii ugu horreeyey inuu jiro xadiis aan sugneyn oo leh:

”Qofkii xafida 40 xadiis, waxaa la soo bixinayaa Qiyaamaha isagoo shahiid ah oo shafaaca qaadaya, waxaana lagu yiraahdaa: Jannada ka gal irridda aad doonto.”

Marka culumo tobnaad dhan ayaa ururiyey afartameeyo xadiis, si ay dadka ugu fududaato inay xafidaan, laakiin waxay xuleen badankoodu xadiisyo hal mowduuc ka hadlaya, qaar waxay ka allifeen xagga caqiidada, qaarna xagga jihaadka, qaarna xagga aadaabta iyo arrimo kale oo fara badan.

Marka waxaan goostay inaan afartan xadiis ururiyo anigoo ku dayanaya culumadaas faraha badan oo arrimahaas oo dhan wada koobaya. Xadiis kasta oo ka mid ah kuwaan aan soo xulay waa saldhig weyn oo ka mid ah asaaska diinta Islaamka, culumaduna ku tilmaameen inay murtida Islaamku ku dhan tahay ama Islaamka barkii ama waaxdii, waana xadiisyo dhammaan wada saxiix ah oo sugan.

Sida dhabta ah arrimahaas Imaam an-Nawawi ku tilmaamay kitaabkan waa xaqiiqo dhab ah, waana arrimahaas waxa igu xambaaray inaan kitaabkan u soo tarjumo af Soomaaliga.

Waxaan la kulmay dhallinyaro badan oo af Soomaaliga si wacan u taqaanna, laakiin af Carabigu ku culus yahay, isla markaan aad uga fiirsadayna kitaabka ugu habboon ee fikrad run ah oo fudud ka siinaya diinta Islaamka ayaan ku qancay in kitaabkani kaalintaa buuxin karo, sababtoo ah wuxuu kulansaday axaadiis ka hadleysa arrimo badan oo qofka iyo bulshadaba si qoto dheer u saameyneysa sida axaadiista ka hadleysa tiirarka Islaamka, Iimaanka, iyo Ixsaanka, sida niyada, daacadnimada, hagar la’aanta iyo inaan lagu labin camalka Ilaahay loola jeedo wax aan sharcigu farin.

Axaadiis kale waxay ka hadleysaa waajibaadka qofka ka saaran bulshada uu ku nool yahay, sidii uu u gudan lahaa waajibaadkaas iyo haddii uu guto abaalgudka uu leeyahay.

Axaadiis kale waxay ka hadleysaa sida xiriirka bulshadu ku toosi lahaa, waxayna tilmaameysaa wixii bulshada isu soo dhoweyn lahaa ee ku xambaaraya xubnaha bulshada inay is-afgartaan oy wax wada qabsadaan.

Axaadiis kale waxay ka digeysaa waxyaalaha isku diraya dadka ee kala geynaya ama colaad iyo uur xumo isugu abuuraya iyo dhibaatada uga imanaysa kala tagga iyo is-khilaafka if iyo aakhiraba. Waxaa jirta axaadiis kale oo kala qeexaysa jidka toosan iyo kan qalloocan ama xaqa iyo baadilka, iyo qof kastaba abaalgudka uu helayo hadba jidka uu raaco.

Waxaa jirta oo kale axaadiis ka hadleysa anshaxa iyo aadaabta fiican ee ku habboon ruuxa rumeysan diinta Islaamka iyo sida uu ula dhaqmayo dadka xiriirku dhex marayo iyo arrimo kale oo ku baahsan oo lala kulmi doono marka la akhristo.

Sida dhabta ah waa kitaab mudan in la xafidsiiyo dhallinta soo koreysa, waxaanna filayaa qofkii si fiican u fahma inuu wax weyn ka tari doono dadnimadiisa iyo aayatiinka noloshiisa inta uu jiro.

Xagga tarjumada waxaan isku dayay inaan aad ugu soo dhoweeyo garaadka dadka aan aqoon qoto dheer u laheyn diinta.

Xagga sharaxa marka hore waxaan fasiray ereyada Rasuulka ﷺ laga soo weriyey oon af-Soomaali ku tarjumay. Kaddibna waxaan sharxay macnaha guud ee xadiiska loola jeedo, waxaan ugu dambeysiiyey faa’idada xadiiska laga qaadan karo.

Marna ma halmaami karo ugu dambeyntii inaan u mahad-celiyo dadkii ka qayb qaatay sida kitaabkani ifka loogu soo saari lahaa. Waxaan Ilaahay uga rajeynayaa in uu ku abaal mariyo guul waarta.

Sheekh Cabdiraxmaan Xuseen Samatar

Xadiiska 1aad: MIISAANKA CAMALKA WAA NIYADDA

عَنْ أَمِيرِ الْمُؤْمِنِينَ أَبِي حَفْصٍ عُمَرَ بْنِ الْخَطَّابِ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: ”إنَّمَا الْأَعْمَالُ بِالنِّيَّاتِ، وَإِنَّمَا لِكُلِّ امْرِئٍ مَا نَوَى، فَمَنْ كَانَتْ هِجْرَتُهُ إلَى اللَّهِ وَرَسُولِهِ فَهِجْرَتُهُ إلَى اللَّهِ وَرَسُولِهِ، وَمَنْ كَانَتْ هِجْرَتُهُ لِدُنْيَا يُصِيبُهَا أَوْ امْرَأَةٍ يَنْكِحُهَا فَهِجْرَتُهُ إلَى مَا هَاجَرَ إلَيْهِ٠
رَوَاهُ إِمَامَا الْمُحَدِّثِينَ أَبُو عَبْدِ اللهِ مُحَمَّدُ بنُ إِسْمَاعِيل بن إِبْرَاهِيم بن الْمُغِيرَة بن بَرْدِزبَه الْبُخَارِيُّ الْجُعْفِيُّ [رقم:١]، وَأَبُو الْحُسَيْنِ مُسْلِمٌ بنُ الْحَجَّاج بن مُسْلِم الْقُشَيْرِيُّ النَّيْسَابُورِيُّ [رقم:١٩٠٧] رَضِيَ اللهُ عَنْهُمَا فِي صَحِيحَيْهِمَا اللذَينِ هُمَا أَصَحُّ الْكُتُبِ الْمُصَنَّفَةِ

Waxaa laga wariyey Amiirkii Mu’miniinta Cumar ibn al-Khaddaab (Alla haka raalli noqdee) inuu yiri, Waxaan maqlay Nebiga ﷺ oo leh:

“Camalku waxaa saldhig u ah niyadda, qof kastaana wuxuu helaa niyaddiisa, marka qofkii u hijrooday Ilaahay dartii iyo Rasuulkiisa ﷺ wuxuu helayaa ajar Ilaahay. Qofkii u hijrooda inuu adduunyo helo ama gabar uu rabo guurkeeda, isna waxaa lagu abaalmarinayaa niyaddiisa oo Ilaahay ka sugi maayo abaalgud.”

Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim.

Sharaxa Xadiiska

Niyadda waxaa looga jeedaa marka qofku shaqo qabanayo, wuxuu ula jeedo ama u qasad leeyahay, marka niyaddu waa saldhigga camalka qofka Muslimka ah, waana miisaanka camalka lagu qiyaaso, marka haddii niyaddu saafi tahay oo Lillaahi loola jeedo, Rasuulkii Allana ﷺ howshaa lagu raad raacayo, camalkii waa ansaxay, haddiise wax kale lagu dheeho, ama aan Rasuulkii ﷺ lagu raad raaceyn, camalkii waa buray.

Hijradu waxay ahayd in markii gaaladu haysatay Makka laga tago oo lagu biiro xarunta Islaamka ee Madiina, taana waxaa loola jeeday in qofku ka guuro meesha aannu ku haysan inuu ugu dhaqmo diinta Islaamka si xurriyad ah.

Faa’idada Xadiiska

Wuxuu noo faa’ideynayaa xadiiskani arrimaha soo socda:

  1. Inaan camalku ansaxeyn niyad suubban la’aan.
  2. In qofka laga abaalmariyo camalka uu niyad wanaag u falo, shareecadana waafaqsan.
  3. Camalka Alla aqbalayo inuu yahay kan isaga dartii loo falay hagar la’aan, shareecadana waafaqsan.
  4. Qofkii camalkii uu falay ee shareecada waafaqsanaa ku dara is-tustus ama uga gol leh camalkaa adduun ku hel, ama ha lagu ammaano ee magac iyo maal doon ah waxaa buraya ajarkiisa oo Ilaahay waxba ka sugi maayo.

Xadiiska 2aad: TIIRARKA ISLAAMKA

عَنْ عُمَرَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَيْضًا قَالَ: ”بَيْنَمَا نَحْنُ جُلُوسٌ عِنْدَ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ ذَاتَ يَوْمٍ، إذْ طَلَعَ عَلَيْنَا رَجُلٌ شَدِيدُ بَيَاضِ الثِّيَابِ، شَدِيدُ سَوَادِ الشَّعْرِ، لَا يُرَى عَلَيْهِ أَثَرُ السَّفَرِ، وَلَا يَعْرِفُهُ مِنَّا أَحَدٌ. حَتَّى جَلَسَ إلَى النَّبِيِّ ﷺ . فَأَسْنَدَ رُكْبَتَيْهِ إلَى رُكْبَتَيْهِ، وَوَضَعَ كَفَّيْهِ عَلَى فَخِذَيْهِ،
وَقَالَ: يَا مُحَمَّدُ أَخْبِرْنِي عَنْ الْإِسْلَامِ.
فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ الْإِسْلَامُ أَنْ تَشْهَدَ أَنْ لَا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ، وَتُقِيمَ الصَّلَاةَ، وَتُؤْتِيَ الزَّكَاةَ، وَتَصُومَ رَمَضَانَ، وَتَحُجَّ الْبَيْتَ إنْ اسْتَطَعْت إلَيْهِ سَبِيلًا.
قَالَ: صَدَقْت . فَعَجِبْنَا لَهُ يَسْأَلُهُ وَيُصَدِّقُهُ!
قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنْ الْإِيمَانِ.
قَالَ: أَنْ تُؤْمِنَ بِاَللَّهِ وَمَلَائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ، وَتُؤْمِنَ بِالْقَدَرِ خَيْرِهِ وَشَرِّهِ.
قَالَ: صَدَقْت. قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنْ الْإِحْسَانِ.
قَالَ: أَنْ تَعْبُدَ اللَّهَ كَأَنَّك تَرَاهُ، فَإِنْ لَمْ تَكُنْ تَرَاهُ فَإِنَّهُ يَرَاك.
قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنْ السَّاعَةِ. قَالَ: مَا الْمَسْئُولُ عَنْهَا بِأَعْلَمَ مِنْ السَّائِلِ.
قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنْ أَمَارَاتِهَا؟ قَالَ: أَنْ تَلِدَ الْأَمَةُ رَبَّتَهَا، وَأَنْ تَرَى الْحُفَاةَ الْعُرَاةَ الْعَالَةَ رِعَاءَ الشَّاءِ يَتَطَاوَلُونَ فِي الْبُنْيَانِ. ثُمَّ انْطَلَقَ، فَلَبِثْنَا مَلِيًّا،
ثُمَّ قَالَ: يَا عُمَرُ أَتَدْرِي مَنْ السَّائِلُ؟.
‫‬قُلْتُ: اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ.
قَالَ: فَإِنَّهُ جِبْرِيلُ أَتَاكُمْ يُعَلِّمُكُمْ دِينَكُمْ“.

[رَوَاهُ مُسْلِمٌ]

Waxaa laga weriyey sidoo kale Cumar (Alla haka raalli noqdee) inuu yiri:
Maalin maalmaha ka mid ah annagoo Nebiga ﷺ la fadhinna ayuu nagu soo baxay nin aad u dhar cad aadna u tima madow oo aanay ka muuqan astaan safar, nin yaqaannana nagu jirin, ilaa uu Nebiga ﷺ ag fariistay, markaasuu jilbaha jilbaha u saaray, baabacooyinkiisana kor saaray bowdada Nebiga ﷺ markaasuu ku yiri, “Muxammadow ii sheeg Islaamka.”

Markaasuu Rasuulkii Alla ﷺ yiri, “Islaamku waa inaad qirto inaan ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla ma ahee, Nebi Muxammadna Rasuulkii Alla yahay, inaad oogtid salaadda, bixisid sakada, soontid bisha Ramadaan una xajidid Baydka Alla haddii aad awooddid.”

Markaasuu yiri, “Run baad sheegtay.” Markaasaan la yaabnay ninka wax warsanaya ee haddana leh run baad sheegtay. Haddana wuxuu ku yiri, “Ii sheeg iimaanka.”

Markaasuu yiri: “Iimaanku waa inaad rumeysid Alle iyo malaa’iktiisa, Kutubtiisa, Rusushiisa, maalinta Qiyaamaha iyo Qaddarka Alle shar iyo kheyrba.”

Wuxuu yiri, “Run baad sheegtay.” Wuxuu yiri, “Haddana ii sheeg ixsaanka.”

Wuxuu yiri, “Ixsaanku waa inaad Alla u caabuddid sidii adigoo arkaya, maxaa yeelay, haddii aadan arkeyn isagaa ku arkaya.”

Wuxuu yiri, “Iiga warran saacaddu markay dhacayso.”

Wuxuu yiri Nebiga ﷺ, “Kaagama war rooni.”

Wuxuu yiri, “Iiga warran calaamadaha lagu garto markay soo dhowaato.”

Wuxuu ku jaawaabay, “In addoontu dhasho sayidkeeda iyo in dadka kabaha la’ ee qaawan ee saboolka iyo reer baadiyaha ku tartamaan sara-dhis.”

Markaasuu iska tegey. Markii Nabigu ﷺ cabbaar aamusnaa ayuu yiri, “Cumarow, ma garanaysay ninkii wax warsanayey?”

Markaasaan iri, “Alla iyo Rasuulkiisaa og.”

Wuxuu yiri Nebiga ﷺ, “Wuxuu ahaa Jibriil, oo idiinku yimid inuu idin baro diintiinna.”

Waxaa weriyey Muslim.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu koobay saldhigyadii diinta Islaamka oo ah tiirarka Islaamka, tiirarka iimaanka iyo daacadnimada. Marka irridda laga gelayaa diinta Islaamka waa inaad qirto ikhtiyaarkaada, in ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla ma ahee, in Nebi Muxammed ﷺ Rasuulkii Alla yahay. Tiirka labaad ee diintu waa salaadda, qofkii ka tagaana waa qof Alla ku kufriyey. Tiirka saddexaad waa in la bixiyo sakada, qofka leh xoolo ay ka waajibtay. Tiirka afaraad waa in la soomo bisha Ramadaan oo laga reebtoomo cuntada, cabidda iyo galmada u dhexeysa ragga iyo haweenka, laga billaabo waaberiga ilaa qorraxdu ka dhacdo. Tiirka shanaad waa inaad u xajidid Beydka Alle ee Makka ku yaalla, waxaana laga rabaa tiirkan qofka awoodda u leh.

Marka tiir kasta oo ka mid ah shantaa, wuxuu ku fadhiyaa saldhig weyn oo leh xididdo furuuc badan, haddaad si faahfaahsan u rabtid, waxaad ka heli kartaa kutubaha fiqiga.

Tiirarku iimaanku iyagu waa lix (6) oo kala ah:

  1. Inaad rumeyso si dhab ah u ictiqaadiso jirista iyo midnimada Alla.
  2. Inaad rumeyso jirista malaa’ikta oo ah khalqi Ilaahay ka uumay nuur oo innaga duwan.
  3. Inaad rumeyso in Ilaahay kutub hanuun iyo iftiin gudcurka nolosha looga baxo ah soo dejiyay ee uu u dambeeyey laguna khatimay kitaabka Qur’aanka,
  4. Inaad rumeysid in Ilaahay rusul soo diray, ee uu u dambeeyey laguna khatimay nebigeennii suubbanaa Muxammad ﷺ.
  5. Inaad rumeysid maalinta xisaabta, oo ah inay jirto maalin la xisaabi doono dadka waxay faleen, dhimashada kaddib la soo saari doono lagana abaal marin doono waxay geysteen samaan iyo xumaan.
  6. Inaad rumeysid dhacdooyinka ka dhacaaya dunida inay yihiin wax Ilaahay qaddaray shar iyo kheyrba.

Tiirarka iimaanku waa camal qalbiga ku xiran qofka iyo Ilaahay un baa og inuu run sheegay iyo in kale, mana laha furuuc badan oo muuqaneysa sida tiirarka Islaamka.

Arrinta saddexaad ee saldhigga Islaamka, waa ixsaanka, waxaan dhihi karnaa waa dhuuxa Islaamka. Haddii aanu geed dhuux laheynna isma taagi karo. Marka ixsaanka waxaa loola jeedaa in ay qofka dhab ka tahay rumeynta Diinta Islaamka waa inuu si daacad iyo hagar la’aan ah ugu camal falo sharciga Islaamka.

Waa inuu Alla u caabudo sidii asagoo hor taagan, maxaa yeelay, haddii aanu qofku arkeyn Ilaahay asagaa arkaaya.

Markii saldhigyadii Islaamku dhammaadeen ayuu warsaday Jibriil Nebigii ﷺ waqtiga Qiyaamuhu kacaayo. Wuxuu ugu jawaabay, “Kaagama war rooni.” Sababtoo ah waa arrimaha cilmigooda Ilaahay la keli noqday oo aanu u sheegin khalqigiisa, halkaa waxaan ka ogaaneynaa dadka isku shuqliya inay wax ka sheegaan cilmi-qeybka, sida kuwa dhaha dunidu waxay jireysaa 7000 oo sano ama 4000 iyo shey la mid ah, iney sheeko baraley tahay.

Wuxuu warsaday haddana Jibriil astaamaha lagu ogaado in Qiyaamuhu dhow yahay, wuxuu sheegay Nebigu ﷺ in astaamaha ay ka mid yihiin: In addoontu sayidkeeda dhasho, waxay ku fasireen culamadu inay badan doonaan carruurta waalidkood ku caasi noqonaaya oon u aabbo yeeleyn xurmada, sharafta iyo xannaanada waalidku ka mudan yahay carruurtooda ilaa ay ka gaaraan heer ay ula dhaqmaan hooyadooda sidii addoon ay leeyihiin ama qof ciidan ah oo u shaqeeya. Waxaa ka mid ah calaamadaha saacadda in dadka reer baadiyaha ah ee cayrta ah ay qabsan doonaan magaalooyinka kuna tartami doonaan saraha dhaadheer isuguna faani doonaan.

Faa’idada Xadiiska

  1. Waxaa lagu koobay xadiiskan saldhigyadii diinta Islaamka.
  2. Waxaa lagu sheegay in waqtiga Qiyaamuhu kici doono Alla oo keliya og yahay haddii cid loo sheegi lahaa waxaa loo sheegi lahaa Jibriil iyo Nebi Muxammad ﷺ.
  3. Qofka Muslimka ah waxaa ku habboon inuu ku dadaalo nadaafadda dharkiisa iyo heybaddiisa sida Jibriil u soo labbistay oo kale.

Xadiiska 3aad: DHIDIBBADA ISLAAMKA

عَنْ أَبِي عَبْدِ الرَّحْمَنِ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عُمَرَ بْنِ الْخَطَّابِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ: سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: ” بُنِيَ الْإِسْلَامُ عَلَى خَمْسٍ: شَهَادَةِ أَنْ لَا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ، وَإِقَامِ الصَّلَاةِ، وَإِيتَاءِ الزَّكَاةِ، وَحَجِّ الْبَيْتِ، وَصَوْمِ رَمَضَانَ”.
[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ]، [وَمُسْلِمٌ].

Waxaa laga wariyey Abuu Cabdar-Raxmaan Cabullaahi ibnu Cumar ibnul-Khaddaab (Alla haka raalli noqdee) inuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulkii Alla ﷺ oo leh:

“Waxaa lagu dhisay Islaamka shan dhidib oo kala ah:

  1. Qiridda in ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla ma ahee, Nebi Muxammadna Rasuulkii Alla yahay.
  2. Oogidda salaadda.
  3. Bixinta sakada.
  4. Soomidda bisha Ramadaan.
  5. Gudashada xajka.”

Waxaa weriyey al-Bukhaari iyo Muslim.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskan wuxuu la mid yahay xadiiska labaad qaybta ku saabasan arkaanta Islaamka, marka shantaasi dhidib, waa shantaa tiir ee qofka loogu aqoonsan karo inuu ka mid yahay bulshada Muslimka ah. Muslimnimada runta ahna waa hadba sida qofku ugu dhaqmo shantaa tiir iyo waxyaalaha la xiriira.

Xadiiska 4aad: ABUURISTA AADAMIGA

عَنْ أَبِي عَبْدِ الرَّحْمَنِ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ مَسْعُودٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: حَدَّثَنَا رَسُولُ اللَّهِ ﷺ -وَهُوَ الصَّادِقُ الْمَصْدُوقُ-: “إنَّ أَحَدَكُمْ يُجْمَعُ خَلْقُهُ فِي بَطْنِ أُمِّهِ أَرْبَعِينَ يَوْمًا نُطْفَةً، ثُمَّ يَكُونُ عَلَقَةً مِثْلَ ذَلِكَ، ثُمَّ يَكُونُ مُضْغَةً مِثْلَ ذَلِكَ، ثُمَّ يُرْسَلُ إلَيْهِ الْمَلَكُ فَيَنْفُخُ فِيهِ الرُّوحَ، وَيُؤْمَرُ بِأَرْبَعِ كَلِمَاتٍ: بِكَتْبِ رِزْقِهِ، وَأَجَلِهِ، وَعَمَلِهِ، وَشَقِيٍّ أَمْ سَعِيدٍ؛ فَوَاَللَّهِ الَّذِي لَا إلَهَ غَيْرُهُ إنَّ أَحَدَكُمْ لَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ الْجَنَّةِ حَتَّى مَا يَكُونُ بَيْنَهُ وَبَيْنَهَا إلَّا ذِرَاعٌ فَيَسْبِقُ عَلَيْهِ الْكِتَابُ فَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ النَّارِ فَيَدْخُلُهَا. وَإِنَّ أَحَدَكُمْ لَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ النَّارِ حَتَّى مَا يَكُونُ بَيْنَهُ وَبَيْنَهَا إلَّا ذِرَاعٌ فَيَسْبِقُ عَلَيْهِ الْكِتَابُ فَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ الْجَنَّةِ فَيَدْخُلُهَا”.

رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ وَمُسْلِمٌ

Wuxuu yiri Abuu Cabdir-Raxmaan Cabdullaahi ibnu Mascuud (Alla haka raalli noqdee): Waxaa noo xadisay Rasuulkii Alla ﷺ isagoo ah runle la rumeeye oo wuxuu yiri:

“Qofka waxaa lagu uruuriyaa caloosha hooyadii isagoo candhuuf yar ah 40 maalmood, intaa in le’egna wuxuu ahaanayaa xinjir yar, intaa in le’egna wuxuu noqonayaa waslad yar oo hilib ah, markaasaa loo soo dirayaa malag, wuxuu ku afuufayaa nafta waxaana la farayaa afar eray oo kala ah: inuu qoro arsaaqadiisa, cimrigiisa, shaqadiisa iyo inuu yahay shaqaabad ama saciid. Waxaan ku dhaartay Allaha aan ilaah kale jirin xaq lagu caabudo isaga ma ahee, qofku wuxuu falayaa camalka reer-Jannaadka ilaa uu u jirsado in xusul ah, markaas hadduu yahay qof loo qoray Naarta, wuxuu falayaa camalka reer-Naareedka, markaasuu gelayaa Naarta. Ama qofku wuxuu falayaa camalka reer-Naareedka ilaa uu u jirsado in xusul ah, marka hadduu ahaa qof loo qoray Jannada wuxuu falayaa camalka reer-Jannaadka, markaasuu gelayaa Jannada.”

Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu caddeynayaa heerarka kala duwan ee qofku marayo inta uu caloosha ku jiro, heerka ugu horreeya waa isagoo dhibic candhuuf ah ayuu gelayaa minka hooyada, muddo 120 beri ah ayey isu beddelaysaa cad yar oo hilib ah oo in mar la goosto le’eg. Marka ay 4 bilood u dhammaato ayaa lagu abuurayaa nolosha aadannimada iyo suuraddiisa, isla markaa Allahii aan cilmigiisu xuduudda laheyn oo og qofkaasi wuxuu ku kici doono shar iyo kheyr ayaa wuxuu amrayaa in la qoro xaal-nololeedka qofkaa iyo wuxuu abaalmarin mudan doono, arrimahaasna waxaa fulinaya malaggii Alla u xilsaaray.

Waxaa kale oo xadiiskani na tusinayaa inaan Naarta iyo Jannada loo kala dhoweyn oo ay ku xiran tahay khaatuma kheyrka, waxaa la arkaa in qofku gaal ama faasiq yahay, laakiin marka geeridiisu soo dhowaato iska islaamo ama tooba keeno hadduu caasi yahay.

Haddaba waxaa la gudboon qof waliba inuu Ilaahay baryo, inuu khaatimadiisa kheyr ka dhigo.

Faa’idada Xadiiska

  1. Xaaladaha kala duwan oo qofku ku marayo uurka hooyadi.
  2. Ilaa 4 bilood laga gaaro inaan qofka lagu abuurin ruuxda aadannimada.
  3. Kheyrka iyo shartu sidey isugu dhow yihiin.

Xadiiska 5aad: BIDCADA

عَنْ أُمِّ الْمُؤْمِنِينَ أُمِّ عَبْدِ اللَّهِ عَائِشَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا، قَالَتْ: قَالَ: رَسُولُ اللَّهِ ﷺ “مَنْ أَحْدَثَ فِي أَمْرِنَا هَذَا مَا لَيْسَ مِنْهُ فَهُوَ رَدٌّ

رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ، وَمُسْلِمٌ
وَفِي رِوَايَةٍ لمسلم: من عَمِلَ عَمَلًا لَيْسَ عَلَيْهِ أَمْرُنَا فَهُوَ رَدٌّ

Waxaa laga weriyay hooyadii Mu’miniinta Umm Cabdullaah Caa’isha (Alla haka raalli noqdee) inay tiri: Wuxuu yiri Rasuulkii Alle ﷺ:

“Qofkii amarkayagan kusoo dara wax aan ka mid ahayn isagaa lagu celinayaa.”

Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu caddeynayaa qofkii ka leexda Jidkii Alle iyo Rasuulku ﷺ jideeyeen inuu baadi yahay. Xadiiskani waa udubbada ugu waaweyn ee Islaamka, wuxuu ka digayaa in Diinta lagu soo daro wax aan ka mid ahayn, ama laga naaqusiyo, ama la beddelo ama la qalloociyo. Sababtoo ah diinta Islaamku wey dhammeystiran tahay oo Ilaahay baa abyay, marka qofkii wax ku soo daraya ama ka naaqusinaya wuxuu ka dhigan yahay qof leh anigaa Ilaahay ka aqoon badan oo waxaanu sheegin baan Diinta ku darayaa, ama wuxuu sheegay baan ka goynayaa. Waxyaalaha laga digaayo in Diinta lagu soo dirriyo ama laga naaqusiyo ma aha oo keliya cibaadada ee waa farac kasta oo kamid ah diinta Islaamka sida macaamilaadka nikaaxa, usluubta, anshaxa, xiriirka bulshada, xuquuqdooda iyo wixi lamid ah. Haddaba, qofka Muslimka ah ee ku camal fala mas’alo aan sharciga ku dhisneyn abaalkiisu waa in camalkiisu buro oon laga ajar siin, weliba waxaa la arkaa inuu ku dambaabo ama diintaba kaga baxo falalka qaarkood.

Haddaba, waxaa waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah inuu hubsado in camalkiisu sharciga waafaqsan yahay iyo in kale. Waxaana jira miisaan lagu qiyaaso camalka oo ah sida uu Nebigu ﷺ iyo asxaabtiisu ugu camal fali jireen mas’alada hortaalla, waxaad heleysaa jawaab saxiix ah oo laga soo weriyay Nebigii iyo asxaabtiisii. Haddaba, waa in laga digtoonaado bidcada iyo sheekada ku-tiri-ku-teenka ah ee loo ekeysiinayo Diinta laguna khawiyeysiinayo dadka ma-kastada ah ama aqoonta gaaban xagga Diinta.

Faa’idada Xadiiska

  1. Mas’ala kasta oon sharciga ku fadhin waa baadinnimo;
  2. In laga digtoonaado bidcada;
  3. In qofku falkiisa ku miisaamo sharciga Islaamka;
  4. In la barto Diinta si loo kala saaro bidcada iyo sunnada;
  5. In diintu dadka ku filan tahay oo laga deeqtoon yahay bidcada.

Xadiiska 6aad: KA DHEERAANSHAHA SHUBHADA

عَنْ أَبِي عَبْدِ اللَّهِ النُّعْمَانِ بْنِ بَشِيرٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، قَالَ: سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: “إنَّ الْحَلَالَ بَيِّنٌ، وَإِنَّ الْحَرَامَ بَيِّنٌ، وَبَيْنَهُمَا أُمُورٌ مُشْتَبِهَاتٌ لَا يَعْلَمُهُنَّ كَثِيرٌ مِنْ النَّاسِ، فَمَنْ اتَّقَى الشُّبُهَاتِ فَقْد اسْتَبْرَأَ لِدِينِهِ وَعِرْضِهِ، وَمَنْ وَقَعَ فِي الشُّبُهَاتِ وَقَعَ فِي الْحَرَامِ، كَالرَّاعِي يَرْعَى حَوْلَ الْحِمَى يُوشِكُ أَنْ يَرْتَعَ فِيهِ، أَلَا وَإِنَّ لِكُلِّ مَلِكٍ حِمًى، أَلَا وَإِنَّ حِمَى اللَّهِ مَحَارِمُهُ، أَلَا وَإِنَّ فِي الْجَسَدِ مُضْغَةً إذَا صَلَحَتْ صَلَحَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، وَإذَا فَسَدَتْ فَسَدَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، أَلَا وَهِيَ الْقَلْبُ”.

رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ وَمُسْلِمٌ

Waxaa laga weriyay Abuu-Cabdullaahi an-Nucmaan ibnu Bashiir (Alla haka raalli noqdee) inuu yiri waxaan maqlay Rasuulkii Ilaahay ﷺ oo leh:

“Xalaashu waa caddahay, xaaraantuna waa caddahay, waxaana jira arrimo murugsan oo aan xalaal iyo xaaraan midna ku caddeyn, dadka badankiisuna ka warqabin, marka ninka ka dhowrsada arrimahaa shakigu ku jiro waxaa u badbaaday diintiisa iyo sharafkiisa, ninkii arrimaha shakiga ku dhacaana waa nin ku dhacay xaaraan oo kale sidii nin xoolo u foofiyay meel seero agteed ah, waxaa looga baqaa in xooluhu seerahaa u dhacaan oo ay daaqaan. Hooyaay! Ogaada in boqor kasta leeyahay seero ama xirmooyin, seeraha Ilaahayna waa waxa uu xaaraantimeeyey. Hooyaay! Ogaada in jirka ay ku jirto waslad hilib ah oo haddii ay hagaagto jirkoo dhan baa hagaagaya, haddii ay xumaato jirkoo dhan baa xumaanaya. Ogaada taasi waa qalbiga.”

Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani waa saldhigga cilmiga fiqiga ee lagu qeexay xalaasha iyo xaaraanta, waxaanu xadiisku inoogu qaybiyey waxyaalaha innaga hor imaanaya inaaney ka baxsaneyn saddex xaalo midkood:

  1. Wax lagu caddeeyay xaaraannimadiisa.
  2. Waxa la caddeeyay xalaalnimadiisa.
  3. Waxa laga shakiyay inuu xalaal yahay iyo inuu xaaraan yahay.

Marka labada hore muran kama joogo, waxaase xadiisku tilmaamay wixii laga yeeli lahaa xaaladda seddexaad, wuxuuna amray in laga dheeraado shubhada intii lagu dhici lahaa xaaraanta.

Wuxuu ku matalay shubhada nin xoolo u foofiyay beero soohdintood, wuxuu halis u yahay in xooolihiisu beeraha u dhacaan oo ay daaqaan, halkaana waxaa ka dhacaya in ninkii beertiisa la daaqay dagaal ku qaado ninka xoolaha la jiray, marka si dagaalka looga nabadgalo waa in xoolaha laga dheereeyo soohdinta beeraha. Haddaba, beerta Ilaahay waa waxa uu xaaraantinnimeeyey, ninkii beertaa u dhacaana waa inuu isu diyaariyo dagaalka Ilaahay.

Waxaa kaloo xadiisku sheegay in qofka gudihiisa laga hoggaamiyo, haddii qofka hoggaaankiisa guduhu toosnaado qofkuna waa toosayaa, haddii hoggaanka guduhu qalloocdo qofkuna waa qalloocanayaa. Haddaba, hoggaanka guduhu muxuu yahay? Hoggaanka guduhu waa qalbiga. Marka waa inuu qofku ku dadaalo siduu qalbigiisa uga dhigi lahaa mid saafi ah oo toosan.

Faa’idada Xadiiska

  1. Kala soocidda xalaasha, xaaraanta iyo shubhada,
  2. In shubhada laga dheeraado si looga nabadgalo xaaraanta,
  3. In qofku hagaajiyo qalbigiisa kana nadiifiyo xinka, xasadka, calool ku-haynta iyo wixi la mid ah.

Xadiiska 7aad: WAANADA

عَنْ أَبِي رُقَيَّةَ تَمِيمِ بْنِ أَوْسٍ الدَّارِيِّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَنَّ النَّبِيَّ ﷺ قَالَ: “الدِّينُ النَّصِيحَةُ. قُلْنَا: لِمَنْ؟ قَالَ لِلَّهِ، وَلِكِتَابِهِ، وَلِرَسُولِهِ، وَلِأَئِمَّةِ الْمُسْلِمِينَ وَعَامَّتِهِمْ” .

[رَوَاهُ مُسْلِمٌ]

Waxaa laga weriyay Abuu-Ruqayya Tamiim ibnu Aws ad-Daarii (Alla haka raalli noqdee) in Nebigu ﷺ yiri: “Diintu waa waano.” Waxaannu niri, “Yuu u yahay?” Wuxuu yiri, “Wuxuu u yahay Alla iyo Kitaabkiisa, iyo Rasuulkiisa, iyo madaxda Muslimiinta iyo dadweynahaba.”

Waxaa weriyay Muslim.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa qiimaha weyn ee waanadu ku leedahay diinta Islaamka, Diintu waxay waano u tahay Ilaahay waxaa looga jeedaa: in la aqbalo waanadiisa uu dadka ugu yeeray, in la rumeeyo keli-ahaantiisa, in lagu sheego wuxuu isagu isku tilmaamay, lagalana haro shirkiga ama wadaajinta cibaadada, xaqa Ilaahayna aan cid kale la siinin, nicmaduu kuugu deeqay aan cid kale loo tiirin.

Wuxuu diinku waana u yahay Kitaabka Ilaahay: in la rumeeyo inuu yahay kitaab kasoo degay xagga Ilaahay, kaddibna la xurmeeyo laguna camal falo.
Wuxuu diinku waano ugu yahay Nebiga ﷺ in la rumeeyo inuu yahay Rasuulkii Ilaahay usoo diray dadka lana rumeeyo wuxuu sheego oo dhan, lana raaco awaamiirta uu faro, lagana dheeraado wuxuu reebo.

Madaxda Muslimka wuxuu diinku waano ugu yahay waa in xaqa loogu gargaaro wixii gefef ama qallooc ah lagu baraarujiyo amarrada ay soo saaraan oo ay dadka ugu daneynayaan, shareecadana waafaqsan in la fuliyo, inaan loo baarin ceebo, inaan laga faafin dacaayad dadka nacsiisa iyo in lagu gacansiiyo mashaariicda lagu hormarinayo danaha ummadda iyo inaan ammaan been been ah iyo munaafaqnimo lala hoos roorin.

Dadweynaha wuxuu waano ugu yahay in lagu hunuuniyo xaqa, in wax la baro, kuwa qalloocan in looga digo xumaanta, kuwa jaahilka ah wax la baro iyo wixi la mid ah. Marka diinkuba wuxuu ku hirgeli karo waa waano iyo wax isu sheeg.

Faa’idada Xadiiska

  1. Wuxuu na tusayaa in waanadu qiimo weyn ku leedahay diinta Islaamka,
  2. Waanada Ilaahay waa in la aqbalo wuxuu ummaddiisa ku waaniyay,
  3. Waanada Rasuulka waa in la rumeeyo lana raaco jidka uu inoo jideeyay,
  4. Waanada Kitaabka waa in lagu camal falo,
  5. Waanada madaxda waa in lagu caawiyo fulinta xaqa,
  6. Waanada dadweynaha waa in la hanuuniyaa.

Xadiiska 8aad: XURMADA MUSLIMKA

عَنْ ابْنِ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ قَالَ: “أُمِرْتُ أَنْ أُقَاتِلَ النَّاسَ حَتَّى يَشْهَدُوا أَنْ لَا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ، وَيُقِيمُوا الصَّلَاةَ، وَيُؤْتُوا الزَّكَاةَ؛ فَإِذَا فَعَلُوا ذَلِكَ عَصَمُوا مِنِّي دِمَاءَهُمْ وَأَمْوَالَهُمْ إلَّا بِحَقِّ الْإِسْلَامِ، وَحِسَابُهُمْ عَلَى اللَّهِ تَعَالَى” .

رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ وَمُسْلِمٌ

Waxaa laga weriyay ibnu-Cumar (Alla haka raalli noqdee) inuu yiri Nebigu ﷺ:

“Waxaa lay amray inaan dadka la jihaado ilaa ay ka qiraan midnimada Alla iyo inuu isaga keliya yahay ilaaha xaqa ah, wixii kasoo haraana ee la caabudo ay yihiin ilaahyo been iyo baadil loogu hoggaansan yahay ee aan xaq aheyn, in laga hortagona ay waajib tahay, waxaa sidoo kale Nebiga ﷺ la amray iyo ciddii rumeysayba inay ku jihaadaan dadka ilaa ay ka qiraan Nebinimada Rasuulka Ilaahay, salaadda tukadaan, sakadana bixiyaan. Haddii ay sidaa yeelaan waxaa badbaadaya dhiiggooda, iyo maalkooda wixii aan ka aheyn xaqa Islaamka, wixii intaa ka dheeraada Ilaahay baa ka xisaabaya.”

Waxaa weriyey Bukhaari iyo Muslim.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu inoo sheegey saldhigyada Islaamka ugu waaweyn iyo in qofkii diida lala jihaadayo, dhiiggiisa iyo maalkiisuna inay xalaal u yihiin Imaamka Muslimiinta, ninkii intaa laga helose waa xaaraan in dhiiggiisa la daadiyo iyo in xoolihiisa la dhaco. Xaqa Islaamka waxaa looga jeedaa ku-dhaqanka xeerka Islaamka, sida bixinta xuquuqda lagu yeesho xoolihiisa iyo naftiisa, ka-dheeraanshaha dembiyada waaweyn iyo guud ahaan dhowridda sharciga. Qofka sidaa muuqata ugu dhaqma diinta Islaamka haddii si hoos ahaan ah uu ku kaco waxyaalaha ku reebban Diinta, Ilaahay baa la xisaabtami doona, innagu waxaan kula dhaqmeynaa sida inooga muuqata, haddiise uu muujiyo Islaamnimo hoosna ku qarsado gaalnimo ama munaafaqnimo innagu shaqo kuma lihin, waxa u qarsoon waxaan ula dhaqmeynaa Muslimnimo toosan.

Faa’idada Xadiiska

  1. In lala jihaado cadowga Islaamka, ilaa ay ka islaamaan, ama ay cahdi la galaan imaamka Muslimka;
  2. Ninka ka taga salaadda, ama diida sakada wuxuu la mid yahay gaalada cadawga u ah Islaamka;
  3. In qofka Muslimka dhiiggiisa iyo maalkiisaba ay xaaraan yihiin in lagu xadgudbo;
  4. Dhiigga qofka Muslimka ah in la daadiyaa waa xaaraan, xoolihiisa in la dhacaana waa xaaraan;
  5. Qofka Islaamnimada muujinaaya waa laga aqbalayaa wixii u qarsoon Ilaahay baa loo tala saaranayaa.

Xadiiska 9aad: QOFKA LAGUMA WAAJIBIYO WAX KA SARREEYA AWOODDIISA

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَبْدِ الرَّحْمَنِ بْنِ صَخْرٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: “مَا نَهَيْتُكُمْ عَنْهُ فَاجْتَنِبُوهُ، وَمَا أَمَرْتُكُمْ بِهِ فَأْتُوا مِنْهُ مَا اسْتَطَعْتُمْ، فَإِنَّمَا أَهْلَكَ الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ كَثْرَةُ مَسَائِلِهِمْ وَاخْتِلَافُهُمْ عَلَى أَنْبِيَائِهِمْ “.

[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ]

، [وَمُسْلِمٌ]

Waxaa laga weriyay Abuu-Hureyra Cabdar-Raxmaan ibnu Sakhar (Alla haka raalli noqdee) inuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulkii Alle ﷺ oo leh:

“Waxaan idinka reebo ka dheeraada, waxaan idin faray la imaada intaad awoodi kartaan, waxaa halaagay dadkii idin ka horreeyey su’aal badnaan iyo khilaafkii Nebiyadooda.”

Waxaa weriyay Bukhaari iyo Muslim.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu ugu yeerayaa Muslimiinta in ay Nebiga raacaan, waxaana saldhig u ah raacidda Nebiga ﷺ ka dheeraanshaha wuxuu reebay, taasoo aan ku xirneyn awood, maxaa yeelay iska dhowridda waxyaalaha xaaraanta ah kuma xirna awood ee waa wax qof kastaba ka suuroobi kara, waxaan ka ahayn xaaladaha khatarta ah ee baqtigu bannaanaado.

Laakiin, wixii Nebigu faray iyagu waxay ku xiran yihiin in qofku awoodi karo, sababtoo ah wixii ka baxsan awoodda qofka loo qaban maayo, waxaase waajib ah wixii awooddiisa ah inuu daaacad iyo hagar la’aan u fuliyo.

Waxaa kale ee Nebigu ﷺ nooga warramay in ummadihii hore qaar ka mid ah lagu rogay su’aal badnaan iyo inay khilaafi jireen waxay faraan Nebiyadoodu, su’aasha badan waxaa loola jeedaa su’aalaha looga dan leeyahay xujada iyo cariigsiga ee ma’aha in qofku warsado waxyaalaha uu jaahilka ka yahay haddii uu doonayo kaliya aqoon-kororsi iyo ku-dhaqan.

Faa’idada Xadiiska

  1. Wixii Nebiga ﷺ reebay in laga dheeraado,
  2. Wixii Nebiga faray in la falo inta awooddu ku gaarsiiso,
  3. Su’aalaha aan loo baahneyn inaan culimada loo jeedin,
  4. Qofka inaan lagu kallifin waxaanu awoodi karin,
  5. Inay waajib tahay raacidda jidka Nebiga.

Xadiiska 10aad: WAX LA WADA FARAY NEBIYADA IYO MUSLIMIINTA

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ “إنَّ اللَّهَ طَيِّبٌ لَا يَقْبَلُ إلَّا طَيِّبًا، وَإِنَّ اللَّهَ أَمَرَ الْمُؤْمِنِينَ بِمَا أَمَرَ بِهِ الْمُرْسَلِينَ فَقَالَ تَعَالَى: “يَا أَيُّهَا الرُّسُلُ كُلُوا مِنْ الطَّيِّبَاتِ وَاعْمَلُوا صَالِحًا”، وَقَالَ تَعَالَى: “يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُلُوا مِنْ طَيِّبَاتِ مَا رَزَقْنَاكُمْ” ثُمَّ ذَكَرَ الرَّجُلَ يُطِيلُ السَّفَرَ أَشْعَثَ أَغْبَرَ يَمُدُّ يَدَيْهِ إلَى السَّمَاءِ: يَا رَبِّ! يَا رَبِّ! وَمَطْعَمُهُ حَرَامٌ، وَمَشْرَبُهُ حَرَامٌ، وَمَلْبَسُهُ حَرَامٌ، وَغُذِّيَ بِالْحَرَامِ، فَأَنَّى يُسْتَجَابُ لَهُ؟”.

[رَوَاهُ مُسْلِمٌ]

Waxaa laga weriyay Abuu Hureyra (Alla haka raalli noqdee) inuu yiri: Rasuulkii Alle ﷺ wuxuu yiri:

“Ilaahay waa wanaagsan yahay mana aqbalo wax aan wanaagsaneyn, Ilaahayna wuxuu faray mu’miniinta, wixii uu faray Rususha sida uu ku sheegay aayadda dheheysa: ‘Rusuleey cuna raashinka kiisa bannaan ee fiican, camal fiicanna fala,’ iyo aayadda dheheysa: ‘Mu’miniineey cuna waxa fiican ee aan idinku arsaaqnay.’ Markaasuu xusay nin meel dheer u socdaalay oo timihii basaaseen, kubabka boor ku leh, oo gacmaha kor u taagaya, isagoo Ilaahay baryaaya oo leh: ‘Rabbigeyow, Rabbigeyow,’ isla markaana cuntadiisa xaaraan tahay, cabiddiisu xaaraan tahay, dharkiisu xaaraan yahay, xaaraan la soo qoodiyay – sidee looga aqbalayaa ducadiisa?”

Waxaa weriyay Muslim.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu ka mid yahay xadiisyada qiimaha weyn ku leh fiqiga Islaamka, wuxuu na tusayaa in qofkii wax wanaagsan aan sadaqeysan laga aqbaleynin, ha noqdo xoolo, cunto, dhar iyo wixi lamid ah. Waxaanu isaga naftiisa u qaadaneynin yaanu sadaqa ula bixin.

Aayad Qur’aan ah waxay sheegtay: “Inaan qofku wanaag helaynin ilaa uu bixiyo waxa uu naftiisa u jecel yahay.” Xagga falka camal aan wanaagsaneyn Ilaahay ma aqbalayo sida camalka looga jeedo ha lagaa sheego ama ha lagugu ammaano ama aad xoolo ku heshid ama camal shirki ku dheehan yahay ama aan sharcigaba ku dhisneyn.

Xadiiskani wuxuu sheegay Rususha iyo Mu’miniinta ay u gudboon yihiin xalaal miiradnimada. Waxaana la faray labadoodaba inay wax wanaagsan cunaan, camal wanaagsanna falaan. Cuntada wanaagsan waa midda xalaasha ah camalka wanaagsanna waa midka ka fayow shirkiga ee waafaqsan sharciga. Waxa kale ee xadiiskan inoo sheegayaa in ku-dhaqanka waxyaalaha xaaraanta ah ay qofka ka fogeyneyso naxariista Alle, maxaa yeelay qofkii socotada ahaa ee safarku tabaaleeyay wuxuu mudan yahay naxariis, haddiise uu yahay xaaraan-quute xaq uma laha in la aqbalo ducadiisa ilaa uu ka toobad keeno uuna Ilaahay u noqdo.

Faa’idada Xadiiska

  1. Inaan Ilaahay aqbaleynin camal xun,
  2. In qofku sadaqaysto wax wanaagsan ee uu jecel yahay,
  3. In ku-dhaqanka xaaraanta qofka ka fogeynayso Ilaahay.

Xadiiska 11aad: DHOWRSOONAANTA

عَنْ أَبِي مُحَمَّدٍ الْحَسَنِ بْنِ عَلِيِّ بْنِ أَبِي طَالِبٍ سِبْطِ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ وَرَيْحَانَتِهِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، قَالَ: حَفِظْت مِنْ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ “دَعْ مَا يُرِيبُك إلَى مَا لَا يُرِيبُك”.

رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم:٢٥٢٠]، وَالنَّسَائِيّ وَقَالَ التِّرْمِذِيُّ: حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ.

Waxaa laga weriyay Abuu-Muxammad Al-Xasan ibnu Cali ibnu Abii-Daalib (Alla haka raalli noqdee) inuu yiri:

Waxaan ka xafiday Rasuulkii Ilaahay ﷺ:

“Dhaaf wixii shaki ku geliya oo aad wax cad ee aan shaki ku jirin.”

Waxaa weriyay Tirmidi iyo Nasaa’i, wuxuuna yiri Tirmidi waa xadiis xasan oo saxiix ah.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani waa saldhig adag oo qofka Muslimka ah cuskan karo markay ka hor yimaadaan arrimo murugsan ama shubho ku jirto oon xalaal iyo xaaraan midna lagu caddeyn ama camal lagu muransan yahay inuu sharciga waafaqsan yahay iyo in kale. Haddaba, marka arrintaasi kula soo gudboonaado wuxuu ku farayaa xadiiskan inaad iska dhaaftid wixii shaki kaa galo kuna dhaqantid waxa aad hubto inuu xaq yahay.

Faa’idada Xadiiska

  1. In qofku ku dhiso camalka uu Ilaahay ugu dhawaanayo wax uu hubo;
  2. Inaanan qofku isku halleyn wax shaki ku jiro;
  3. Ka-dheeraanshaha shubhada iyo shakiga;

Xadiiska 12aad: HA FARA GELIN WAX AADAN KU SHAQA LAHAYN

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ “مِنْ حُسْنِ إسْلَامِ الْمَرْءِ تَرْكُهُ مَا لَا يَعْنِيهِ”.

حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم: ٢٣١٨] ، ابن ماجه [رقم:٣٩٧٦].

Waxaa laga weriyay Abuu Hureyra (Alla haka raalli noqdee) inuu yiri Rasuulkii Ilaahay ﷺ wuxuu yiri:

“Qofka Islaam wanaaggiisa waxaa kamid ah inaanu faraha la gelin arrimo aanu shaqa ku laheyn.”

Waa xadiis xasan ah. Waxaa weriyay Tirmidi iyo kuwa kale.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani waa edbinta nafta iyo la-xisaabtankeeda, sababtoo ah waxaa dhab ah in dadku u badan yahay inay waqtigooda qaaliga ah badankiisa ku tabiyaan wax aaney waxba ugu jirin, marka waa in qofku miisaamo falkiisa iyo hadalkiisa waa inuu ogaado sidey arrimuhu xiriir ula leeyihiin noloshiisa, kaddib wixii wax u taraya adduunkiisa ama aakhiradiisa uu ku dhaqaaqo, wixii aan waxba faa’ido u laheynna waa inuu ka gaabsado, waa in aanu faraha la gelin arrimaha dadka kale khuseeya ee u gaarka ah.

Faa’idada Xadiiska

  1. In qofku ilaaliyo ficilkiisa iyo hadalkiisa kuna abbaaro meel ku habboon;
  2. Inaan faraha lala gelin arrimo aaney waxba kaa gelin;
  3. Inuu qofku u jeediyo awooddiisa wax isaga anfacaya ama dadka kale wax u taraya.

Xadiiska 13aad: KALGACEYLKA

عَنْ أَبِي حَمْزَةَ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ خَادِمِ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ عَنْ النَّبِيِّ ﷺ قَالَ: “لَا يُؤْمِنُ أَحَدُكُمْ حَتَّى يُحِبَّ لِأَخِيهِ مَا يُحِبُّ لِنَفْسِهِ”.

رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ [رقم:١٣]، وَمُسْلِمٌ [رقم:٤٥].

رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ وَمُسْلِمٌ

Waxaa laga weriyay Abuu Xamsa Anas ibnu Maalik (Alla haka raalli noqdee) oo ahaa adeegihii Rasuulka ﷺ inuu ka weriyay Nebiga ﷺ inuu yiri:

“Qofka iimaankiisu dhab ma noqdo ilaa uu la jeclaado walaalki waxa uu naftiisa la jecel yahay.”

Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa qiimaha weyn ee iimaanka dhabta ku leeyahay bulshada Muslimka ah. Sida runta iimaanku waa saldhigga iskaashiga iyo xasilloonaanta bulshada laga billaabo qoyska ilaa heerka dowladnimada, marka la yaab ma laha haddii Nebigeennu ﷺ ku xiray iimaanka qofka inuu walaalihii la jeclaado waxa uu naftiisa u doonaayo, taasoo ah inaanu qofku xaasid ku noqon dadka walaalihiis, uusan ka xumaanin ama ku nicin haddii ay qof walaalki ah wax u kordhaan.

Isla markaa wuxuu xadiisku ina tusinayaa inaan qofku u qaadin walaalihi xumaato aanu naftiisa uga raalli aheyn. Mar haddii ay dadku is-jeclaadaan Ilaahay dartii wey isku kalsoonaan karaan marka waxa halkaa ka dhalanaya iskaashi, wada-shaqeyn iyo wax wada-qabsi.

Tusaale ahaan waxaad la jeceshahay naftaada caafimaad, maal badan, magac iyo sharaf, sidoo kale la jeclow dadka walaalahaa ah waxyaalahaas oo dhan.

Faa’idada Xadiiska

  1. Ka dheeraanshaha xaasidnimada iyo xumaanta qalbiga lagu hayo;
  2. In qofka iimaankiisa ku xiran yahay waxa uu walaalihiisa Muslimka ah qalbiga ugu hayo;
  3. Inuu ka dhowro qofka dadka wixii aanu naftiisa u quureyn,
  4. Inuu ku dadaalo waxyaalaha usoo jiidaaya jeceylka walaalihi, kana dheeraado wixii naceyb iyo colaad uga abuuraya qalbiga.

Xadiiska 14aad: WAXYAALAHA DHIIGGA MUSLIMKA BANNEYNAYA

عَنْ ابْنِ مَسْعُودٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ “لَا يَحِلُّ دَمُ امْرِئٍ مُسْلِمٍ [ يشهد أن لا إله إلا الله، وأني رسول الله] إلَّا بِإِحْدَى ثَلَاثٍ: الثَّيِّبُ الزَّانِي، وَالنَّفْسُ بِالنَّفْسِ، وَالتَّارِكُ لِدِينِهِ الْمُفَارِقُ لِلْجَمَاعَةِ”.

رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ وَمُسْلِمٌ

Waxaa laga weriyay ibnu-Mascuud (Alla haka raalli noqdee) inuu yiri, Rasuulka Ilaahay ﷺ wuxuu yiri:

“Qof Muslim ah ma bannaana in dhiiggiisa la daadiyo haddaanu saddexda arrin midkood uusan ku kicin:

  1. Qofkii isagoo reer leh, ama horay reer u yeeshay ee dhilleysta;
  2. Kii qof Muslim ah dila;
  3. Qofka Diinta ka baxa ee ururka Muslimka ka faquuqma.

Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu caddeynayaa halka Islaamku ka taagan yahay dembiyada foosha xun, maxaa yeelay, dhiigga Islaamku aad buu qaali u yahay mana oggola Muslimku in dhayal lagu daadiyo, marka waxaa loo banneeyay dhiigga qofka dembiyadaa midkood falay waa iney yihiin dembiyo halis ah oo halbowlaha goynaya xasilloonaanta iyo nabadgelyada bulshada Muslimka ah ee ku dhisan isku kalsoonaanta iyo iskaashiga.

Faa’idada Xadiiska

  1. In seddexdaa dembi ee dhiigga Muslimka xalaaleynaya yihiin keli ah sinada uu falo qofka reerka yeeshay iyo qofkii dilay ruux Muslim ah iyo qofkii ridoobay;
  2. Sida Islaamku u ilaaliyo nasabka iyo sharafta qofka Muslimka ah;
  3. Ilaalinta nabadgelyada iyo wixii bulshada qas gelinaya.

Xadiiska 15aad: ANSHAXA WANAAGSAN

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ قَالَ: “مَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاَللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ فَلْيَقُلْ خَيْرًا أَوْ لِيَصْمُتْ، وَمَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاَللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ فَلْيُكْرِمْ جَارَهُ، وَمَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاَللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ فَلْيُكْرِمْ ضَيْفَهُ”.

[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ]

، [وَمُسْلِمٌ]

Waxaa laga weriyay Abuu-Hureyra (Alla haka raalli noqdee) inuu yiri, Rasuulkii Ilaahay ﷺ wuxuu yiri:

“Qofkii rumeeyay Alle iyo maalinta Qiyaamaha haku hadlo kheyr ama ha iska aamuso, qofkii Alle iyo Qiyaamaha rumeeyay ha xurmeeyo deriskiisa, qofkii Alle iyo Qiyaamaha rumeeyay hasoo dhoweeyo martidiisa.”

Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu ina barayaa dhaqanka wanaagsan ee ku habboon sharafta qofka Muslimka ah, hadalku waa qalabka kowaad ee dadka kuu soo dhoweynaaya ama kaa fogeynaaya, marka qofku waa inuu ku fakiro waxa uu ku hadlayo inta hadalka ku jiro afkiisa marka haddii uu rabo inuu ku hadlo wax kheyr leh oo waxtar leh haku hadlo, haddiise uu yahay mid shar ah oo dhibaato usoo jiidaya qofka naftiisa amase cid kaleba waa inuu iska aamusaa.

Faa’idada Xadiiska

  1. In qofku fikiro intuuna hadlin;
  2. Inuu kheyr ku hadlo sharkana ka af-haysto;
  3. Inuu dhowro xuquuqda jaarka;
  4. In la sooro martida.

Xadiiska 16aad: CARADA

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ أَنْ رَجُلًا قَالَ لِلنَّبِيِّ أَوْصِنِي. قَالَ: لَا تَغْضَبْ، فَرَدَّدَ مِرَارًا، قَالَ: لَا تَغْضَبْ”

[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ].

Waxaa laga weriyay Abii-Hureyra (Alla haka raalli noqdee) in nin u yimid Nebiga kuna yiri: “Ii dardaaran.”

Markaasuu Nebigu yiri, “Ha caroonin.” Markaasuu ku celceliyay erayga “Ha caroonin.”

Waxaa weriyey al-Bukhaari.

Sharaxa Xadiiska

Caradu waxay ka mid tahay jirrooyinka xun xun ee qofka jarka ka tuura, dembiyo waaweynna usoo jiida, lamana celin karo carada oo waa wax ku abuuran qofka oo marka lagula kaco wax aanu raalli ka aheyn dhiiggiisa dhaqaajiya, marka Nebigu wuxuu ugu yeerayaa Muslimiinta iney is-celiyaan intay caro burburayaan, waa inaan qofku u hoggaansamin waxay caradu u yeereyso, xadiis kale wuxuu Nebigu ku waaniyay qofka caradu qaadqaadeyso inuu weysa qaato ama xaalka uu ahaa beddelo oo hadduu taagnaa fariisto hadduu fadhiyey jiifsado. Marka xadiiskani wuxuu kuugu yeerayaa inaan caradu xadka kaa saarin.

Faa’idada Xadiiska

  1. Waa inuu xusuusto qofku waxa ka dhalanaya carada,
  2. Waa inuu qofku is-celiyo haddii uu caroodo, oo wax kale ku caro burburo,
  3. Inuu ka dheeraado inuu qaado tillaabo ama go’aan isagoo careysan, maxaa yeelay, wuxuu ka shalayn doonaa markay caradu ka baxdo.

Xadiiska 17aad: NAXARIISTA

عَنْ أَبِي يَعْلَى شَدَّادِ بْنِ أَوْسٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ عَنْ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ قَالَ: “إنَّ اللَّهَ كَتَبَ الْإِحْسَانَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ، فَإِذَا قَتَلْتُمْ فَأَحْسِنُوا الْقِتْلَةَ، وَإِذَا ذَبَحْتُمْ فَأَحْسِنُوا الذِّبْحَةَ، وَلْيُحِدَّ أَحَدُكُمْ شَفْرَتَهُ، وَلْيُرِحْ ذَبِيحَتَهُ”.

رَوَاهُ مُسْلِمٌ.

Waxaa laga weriyay Abii-Yaclaa Shaddaad ibnu Aws (Alla haka raalli noqdee), inuu yiri Rasuulkii Ilaahay ﷺ:

“Wax walba waxaa Ilaahay u waajibiyay samafal, haddii aad wax dileysaan si wanaagsan wax u dila oo haku silcinina nafta waxa la dilayo, haddii aad wax gowraceysaan si wanaagsan u gowraca, qofka wax gowracaya waa inuu middida soofeeyo uuna neefka u raaxeeyo.”

Waxaa weriyay Muslim.

Sharaxa Xadiiska

Wuxuu ka hadlayaa xadiiskani sida Islaamku naxariista ugu dadaalayo, maxaa yeelay, qofkii muteystay in la dilo waa in Islaamnimada loogu naxariisto oon nafta lagu silcin, marka waa in qalabka lagu dilayo yahay mid dhaqso nafta uga qabanaya. Naxariistaasi kuma koobna dadka ee waxaa loo naxariisanayaa xoolaha iyagana waa in loo fududeeyo oo lagu gowraco middi aad u afweyn oo markiiba u raaxeysa.

Faa’idada Xadiiska

  1. Qiimaha naxariistu ku leedahay diinta Islaamka,
  2. Qofka la ciqaabaayo waa inaan si xun oo silic ah loo ciqaabin,
  3. In xoolaha loo naxariisto,
  4. Marba haddii loo ixsaan falayo qofka nafta laga qabanaayo marka kan noolna waa in loo ixsaan falo oo laga dhowro dhibka, cadaadinta, qallooca iyo dulmiga.

Xadiiska 18aad: LA DHAQANKA DADKA

عَنْ أَبِي ذَرٍّ جُنْدَبِ بْنِ جُنَادَةَ، وَأَبِي عَبْدِ الرَّحْمَنِ مُعَاذِ بْنِ جَبَلٍ ، عَنْ رَسُولِ اللَّهِ قَالَ: “اتَّقِ اللَّهَ حَيْثُمَا كُنْت، وَأَتْبِعْ السَّيِّئَةَ الْحَسَنَةَ تَمْحُهَا، وَخَالِقْ النَّاسَ بِخُلُقٍ حَسَنٍ” .

رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم:1987] وَقَالَ: حَدِيثٌ حَسَنٌ، وَفِي بَعْضِ النُّسَخِ: حَسَنٌ صَحِيحٌ.

Waxaa laga weriyay Abuu-Dar, Jundub ibnu Junaada iyo Abuu-Cabdar-Raxmaan Mucaad ibnu Jabal (Alla haka raalli noqdee) iney ka weriyeen Rasuulkii Ilaahay ﷺ inuu yiri:

“Alla ka cabso, meel kasta oo aad joogtid, xumaantana raaci samaan tirtirta, dadkana dabeecad fiican kula dhaqan.”

Waxaa weriyay Tirmidi, wuxuuna yiri waa xadiis xasan ah.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa anshaxa qofka Muslimka ah, xagga Ilaahay iyo xagga aadamigaba. Xagga Ilaahay waa inuu iska dhowro meel kasta oo uu joogo ku-xadgudubka sharciga iyo xuduudda Ilaahay, haddii uu xumaan sameeyo uu ku-xadgudbo wax kamid ah sharciga waa inuu is-gaaro oo uu ka noqdo xumaantii, haddii uu sidaa yeelo waa laga tirtirayaa ciqaabtii dembiga uu galay.

Xagga dadka wuxuu faray xadiiskani in qofka Muslimka ah, kula dhaqmo dadka dabeecad wanaagsan, taasoo ah inaad dadka nabad geliso oon dhibkaaga gaarin kaddibna aad wax u tartid dadka kale adigoon wax abaalgud ah ka sugin, waa in dadka dheeftaadu gaarto dhibkaaguna gaarin waa sidaas dabeecadda fiican.

Faa’idada Xadiiska

  1. Cabsida Ilaahay inay waajib tahay,
  2. In qofku iska dhowro ku-xadgudbidda sharciga,
  3. Qofkii xumaan falaa waa inuu is-gaaro uuna xumaantii wanaag ku beddelo,
  4. Qofka Muslimka ah waa inuu dabeecad fiican dadka kula dhaqmaa,
  5. Qofku waa inuu ahaado wax tare aan waxyeello laheyn.

Xadiiska 19aad: GARGAARKA ALLA

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَبَّاسٍ قَالَ: “كُنْت خَلْفَ رَسُولِ اللَّهِ يَوْمًا، فَقَالَ: يَا غُلَامِ! إنِّي أُعَلِّمُك كَلِمَاتٍ: احْفَظْ اللَّهَ يَحْفَظْك، احْفَظْ اللَّهَ تَجِدْهُ تُجَاهَك، إذَا سَأَلْت فَاسْأَلْ اللَّهَ، وَإِذَا اسْتَعَنْت فَاسْتَعِنْ بِاَللَّهِ، وَاعْلَمْ أَنَّ الْأُمَّةَ لَوْ اجْتَمَعَتْ عَلَى أَنْ يَنْفَعُوك بِشَيْءٍ لَمْ يَنْفَعُوك إلَّا بِشَيْءٍ قَدْ كَتَبَهُ اللَّهُ لَك، وَإِنْ اجْتَمَعُوا عَلَى أَنْ يَضُرُّوك بِشَيْءٍ لَمْ يَضُرُّوك إلَّا بِشَيْءٍ قَدْ كَتَبَهُ اللَّهُ عَلَيْك؛ رُفِعَتْ الْأَقْلَامُ، وَجَفَّتْ الصُّحُفُ” . رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم:2516] وَقَالَ: حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ.

وَفِي رِوَايَةِ غَيْرِ التِّرْمِذِيِّ: “احْفَظْ اللَّهَ تَجِدْهُ أمامك، تَعَرَّفْ إلَى اللَّهِ فِي الرَّخَاءِ يَعْرِفُك فِي الشِّدَّةِ، وَاعْلَمْ أَنَّ مَا أَخْطَأَك لَمْ يَكُنْ لِيُصِيبَك، وَمَا أَصَابَك لَمْ يَكُنْ لِيُخْطِئَك، وَاعْلَمْ أَنَّ النَّصْرَ مَعَ الصَّبْرِ، وَأَنْ الْفَرَجَ مَعَ الْكَرْبِ، وَأَنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا”.

Waxaa laga weriyay Abuu-Cabbaas Cabdullaah ibnu Cabbaas (Alla haka raalli noqdee) inuu yiri:

Anigoo daba socda Nebiga maalin ayuu i yiri: “Dhageyso wiilyahow waxaan ku barayaa ereyadan: Ilaahay dhowr isaguna waa ku dhowrayaa, Ilaahay dhowr waxaad ka heli doontaa hortaada. Haddii aad wax baryeysid Ilaahay bari, haddii aad gargaar dooneysid Ilaahay gargaarso. Ogow haddii ummaddoo dhan isugu tagto iney wax kuu tarto waxaan Alla kuu qorin kuuma qaban karaan. Haddii ay isugu tagaan iney dhib ku gaarsiiyaan kuma gaarsiin karaan wax aan laguu qorin, qalinkii waa la rafacay, anqaastii xaanshiduna wey qallashay.”

Waxaa weriyey Tirmidi waana xadiis xasan saxiix ah.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa sidii leysugu kalsoonaan lahaa Ilaahayna loo cuskan lahaa. Haddii qofku xafido amarka Ilaahay faray isagana Ilaahay baa ka xafidaya musiibooyinka dunida ku baahsan, macnaha waa haddii aad raacdid jidka toosan ee Ilaahay jideeyay waxaad ka badbaadeysaa balaayooyinka badan ee ka dhasha baadinimada iyo ku-xadgudubka sharciga. Wuxuu faray Nebiga qof kasta inuu ilaaliyo sharciga Ilaahay si uu uga helo hortiisa arrimihiisa oo Ilaahay u irrido bixinayo, waxaana lagu sheegay aayad Qur’aan ah in ninkii Ilaahay ka cabsada arrimihiisa loo sahlayo, ciriirigana Ilaahay ka saarayo, meel uusan wax ka fileynna laga irsaaqayo.

Marka haddii Ilaahay kuu ballan qaaday inuu arrimahaaga fulinayo waa inaad isaga weydiisataa muraadkaada, marka wax la weydiisanayo keligii weydiiso. Haddii arrimaha aad warsaneysaa yihiin kuwa Ilaahay la kelida yahay sida risqiga, ilmaha, cumri dhirirka, cudur qaadidda, roobka iyo wixi lamid ah. Haddiise waxaad codsaneysaa yahay arrimaha dadka dhexdiisa isa siin karaan sida maacuunka iyo waxyaalaha aadamiga Ilaahay awoodda u siiyay ee uu bixin karo waa la weydiisan karaa arrinkaa qofkii wax ka qaban kara. Markaadse gashid meel halis ah oo Ilaahay keligi wax ka qaban karo sida markaad geshid meelo aad khatar u ah sida doon badda ku maashootay oo kale ama dab ku kacay dayuurad cirka socota iyo musiibooyinka Ilaahay oo keliya loo sheegan karo waa inaad Ilaahay keligi gargaar warsatid, maxaa yeelay waxyaalaha ka baxsan awoodda aadamiga waa in Ilaahay la warsado.

Waxaa kale oo xadiisku caddeynayaa in dhib iyo dheefba Ilaahay hayo keligi, dadkuna waxba geli kareyn waxna kuu tari kareyn haddii aan Ilaahay horay kuugu qorin, wixii Ilaahay kuu qorayna hore ayey u dhigan yihiin marka waxaa laga rabaa qofka inaanu waxba u habranin ama aanu cabsanin ee waa inuu ku dhaqaaqo wixii uu xaq u garto isagoo ku kalsoon Ilaahiisa oo isaga qura cuskanaya kana gargaar dalbaya.

Faa’idada Xadiiska

  1. Qofkii xafida sharciga Ilaahay inuu sharta ka xafidayo,
  2. Qofkii Ilaahay isku halleeya isagaa u jidbixinaaya,
  3. Qofkii cid baryaya waa inuu Ilaahay baryo isagana gargaar weydiisto,
  4. Waa in qofku ogaado inaan cidna ka baajin kareyn wixii ioo qoray cidnana u diidi kareyn wixii loo calfay,
  5. Camalka wanaagsan wuxuu ka badbaadiyaa qofka musiibooyinka,
  6. Waa in qofku ku kalsoonaado naftiisa kuna tiirsado llaahiisa keligi.

Xadiiska 20aad: XISHOODKA

عَنْ ابْنِ مَسْعُودٍ عُقْبَةَ بْنِ عَمْرٍو الْأَنْصَارِيِّ الْبَدْرِيِّ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ “إنَّ مِمَّا أَدْرَكَ النَّاسُ مِنْ كَلَامِ النُّبُوَّةِ الْأُولَى: إذَا لَمْ تَسْتَحِ فَاصْنَعْ مَا شِئْت” .

[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ].

Waxaa laga weriyay Abuu-Mascuud Cuqba ibnu Camar al-Ansaari al-Badri (Alla haka raalli noqdee) inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay wuxuu yiri:

“Waxaa kamid ahaa hadalladii laga soo gaaray Nebiyadii hore: Haddii aadan xishooneyn fal waxaad doontid.”

Waxaa weriyay Bukhaari.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa qiimaha weyn ee xishoodku ku lahaa diinihii hore ee aadamigu kasoo dhaxleen Nebiyadii hore (nebedgelyo iyo naxariisi korkooda ha ahaatee). Hadalka waxaa laga garanayaa in Nebi walba ummaddiisa ku waanin jirey, Nebi Muxammedna wuxuu u sheegay ummaddiisa in xishoodku kamid yahay iimaanka. Marka xishood la’aan waa iimaan la’aan, ama xishood laawe waa iimaan laawe, sidaa awgeed, xadiiskan waa hanjabaad iyo goodin u jeedda qofka xishoodka fududaysta, lana dareensiinayo haddii uu fududeysto xishoodka qiimaha uu ku leeyahay bulshada inuu hoos u dhici doono, isla markaana ciqaab mudan doono, maxaa yeelay, xishoodku waa xakamaha qofka ka hortaagan xumaatada, qallooca, sharaf-dhaca iyo dulliga.

Faa’idada Xadiiska

  1. Qiimaha weyn ee xishoodku ku leeyahay taariikhda aadamiga,
  2. Qofka aan xishoon kheyr iaga sugi maayo,
  3. In xishoodku kamid yahay anshaxa wanaagsan ee dadka ku faano,
  4. Goodiga ku dhacay xishood laawaha inuu mudan doono ciqaab adag, maxaa yeelay mar haddii qofku xishoodka ka tago wuxuu ku kacayaa dembiyo fool xun.

Xadiiska 21aad: QUMANAANTA

عَنْ أَبِي عَمْرٍو وَقِيلَ: أَبِي عَمْرَةَ سُفْيَانَ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ قَالَ: “قُلْت: يَا رَسُولَ اللَّهِ! قُلْ لِي فِي الْإِسْلَامِ قَوْلًا لَا أَسْأَلُ عَنْهُ أَحَدًا غَيْرَك؛ قَالَ: قُلْ: آمَنْت بِاَللَّهِ ثُمَّ اسْتَقِمْ” .

[رَوَاهُ مُسْلِمٌ].

Waxaa laga weriyay Abuu-Camr – waxaa sidoo kale la oran jiray Abuu-Camra – Sufyaan ibnu Cabdullaahi (Alla haka raalli noqdee) inuu yiri:

“Waxaan ku iri Rasuulkii Alla ﷺ, “Iiga sheeg Islaamka eray aanan weydiin doonin qof aan adiga aheyn.” Wuxuu yiri Nebiga ﷺ, “Waxaad dhahdaa Ilaahay baan rumeeyay kaddibna ku toos jidka quman.”

Waxaa weriyay Muslim.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani waa laba eray oo aad u xeel dheer, maxaa yeelay, Islaamkii baa intaas ku idil: In qofku Ilaahay rumeeyo sharcigana ku camal falo, ku-toosnaanta jidka quman waa in la fuliyo waxa lagu amray, ka reebtoonto wixii lagaa reebay, qofkii intaas laga helo ma jiro wax uga dhiman Islaamnimadii.

Faa’idada Xadiiska

  1. Iimaanka ayaa ka horreeya camal falka kale,
  2. Ku-sugnaanta iimaanka,
  3. Ku toosnaanta jidka quman,
  4. Hadalka gaaban oo lagu murtiyeeyo arrimo aad u xeel dheer.

Xadiiska 22aad: WAXA JANNADA LAGU GALO

عَنْ أَبِي عَبْدِ اللَّهِ جَابِرِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ الْأَنْصَارِيِّ : “أَنَّ رَجُلًا سَأَلَ رَسُولَ اللَّهِ فَقَالَ: أَرَأَيْت إذَا صَلَّيْت الْمَكْتُوبَاتِ، وَصُمْت رَمَضَانَ، وَأَحْلَلْت الْحَلَالَ، وَحَرَّمْت الْحَرَامَ، وَلَمْ أَزِدْ عَلَى ذَلِكَ شَيْئًا؛ أَأَدْخُلُ الْجَنَّةَ؟ قَالَ: نَعَمْ”.

[رَوَاهُ مُسْلِمٌ].

Waxaa laga weriyay Abuu-Cabdullaahi Jaabir ibnu Cabdullaahi al-Ansari (Alla haka raalli noqdee) in nin weydiiyey Rasuulka Ilaahay ﷺ:

“Haddaan tukado salaadda, oon soomo Ramadaanka, oon baneesto xalaasha, oon iska reebo xaaraanta, intaana aanan waxna ka siyaadin, ma gelayaa Jannada?”

Wuxuu ku jawaabay Nebigii ﷺ, “Haa.”

Waxaa weriyay Muslim.

Macnaha aan ka reebtoonaado xaaraanta waa aan ka dheeraado xaaraan oo idil. Macnaha banneysto xalaasha waa aan ku dhaqmo waxa xalaasha ah anigoo rumeysan xalaalnimadooda.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu inooga warramay waxa lagu muteysanayo Jannada taasoo ah in qofku guto waajibaadka lagu farad yeelay kana dheeraado waxyaalaha laga xaaraantimeeyay oo aad ugu yar dunida sida doofaarka, khamrada iyo xaqa dadka kale, iyo inuu cuno wixii Ilaahay u xalaaliyay oo ah wixii kasoo haray xaaraanta.

Faa’idada Xadiiska

  1. Oogidda salaadda, soomidda,
  2. Ka dheeraanshaha xaaraanta,
  3. Ku-dhaqanka xalaasha,
  4. In camalka fiican lagu helayo Jannada.

Xadiiska 23aad: FALKA KHEYRKA

عَنْ أَبِي مَالِكٍ الْحَارِثِ بْنِ عَاصِمٍ الْأَشْعَرِيِّ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ “الطَّهُورُ شَطْرُ الْإِيمَانِ، وَالْحَمْدُ لِلَّهِ تَمْلَأُ الْمِيزَانَ، وَسُبْحَانَ اللَّهِ وَالْحَمْدُ لِلَّهِ تَمْلَآنِ -أَوْ: تَمْلَأُ- مَا بَيْنَ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ، وَالصَّلَاةُ نُورٌ، وَالصَّدَقَةُ بُرْهَانٌ، وَالصَّبْرُ ضِيَاءٌ، وَالْقُرْآنُ حُجَّةٌ لَك أَوْ عَلَيْك، كُلُّ النَّاسِ يَغْدُو، فَبَائِعٌ نَفْسَهُ فَمُعْتِقُهَا أَوْ مُوبِقُهَا”. [رَوَاهُ مُسْلِمٌ].

Waxaa laga weriyay Abuu Maalig al—Xaaris ibn Caasim Al—Ashcari , Inuu yiri: Rasuulkii Alla wuxuu yiri:

Nadaafaddu waa iimaanka barki, xamdiga Allana wuxuu buuxiyaa miisaanka — Ereyada Subxaanallaah… Alxamdu Lillaah, waxay buuxiyaan cirka iyo dhulka dhexdooda, salaaddu waa nuur, sadaqadu waa burhaan (xujo), sabarku waa iftiin, Qur’aanku xujo ayuu kuu noqdaa amaa kugu noqdaa, dadka oo dhammi wey kallahaan naftoodey iib geeyaan, qaar wey xureeyaan, qaama wey halaagaan.”

Waxaa weriya Muslim.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu ina tusayaa arrimo aad u qiimo weyn: Nadaafadda waxaa looga jeedaa in qalbiga laga safeeyo xaasidnimada, xinka iyo jirrooyinka
qalbiga gala ee faraha badan. Marka qofkii Ilaahay rumeeya waxaasna ka nadiifiyo qalbigiisa ayuu iimaanku mid dhan noqonayaa. Ereyga mahad—naqa ee ah (al Xamdu Lillaah) ajarkiisu wuxuu buuxinayaa miisaanka lagu miisaamo kheyrka iyo sharka oo Ilaahay og yahay inta uu la eg’yahay, sidoo kale labada eray oo wada jira ee kala ah (Subxaana llaahi walxamdu Lillaah) waxay buuxinayaan ajarkoodu ama abaal—gudkoodu cirka iyo dhulka dhexdooda, waa siyaalo Ilaahay oo keli ah uu qiyaasi karo.

Salaaddu waxay u noqonaysaa qofka nuur uu ku hanuuno, sadaqadu waxay u noqoneysaasummad muujisa qofka islaam—nimadiisa iyo siduu xoolahiisa, xooggiisa iyo aqoontiisa ugu caawiyay walaalihiisii u baahnaa, sabrigu waa ku adkeysiga xaqa, iyo ku adkeysiga iska celinta iyo ka fogaanshaha wixii ilaahay xaaraantimeeyey, iyo u sabarka wixii dhib ku soo gaara ee Alla uu kuu qaddaray, marka adkeysiga qofku u adkeysanayo dhibaatada ka soo gaarta fulinta sharciga islaamka waxaa loogu abaalgudayaa in loo.iftiimiyo jidka toosan ee Jannada loo maro marka dadka kale mugdiga lagu daboolo.

Qur’aanku isagu waa xujo, qofkii ku camalfala wuxuu u yahay xujo u marag kacda daacadnimadiisa, haddii aanu ku dhaqmin wuxuu ku noqonayaa xujo ku caddeysa ceebihiisa iyo jembiyadiisa.

Qof kasta subaxii wuxuu u kallahaa danahiisa /vuxuu iib geynayaa camalka naftiisa, marka ladduu wax kheyr ieh sameeyo naftiisa wuxuu ka urtay cadaabkii Alla, haddii uu ku kaco shar laftiisii ayuu ku riday cadaab. Marka qofka isagaa a siiyay awood inuu kala doorto meesha uu laftiisa geynayo Janno iyo Naar hadba tuu u camal fasho.

Faa’idada Xadiiska

  1. In qofka muslimka ah ku dadaalo siduu lalbigiisa uga nadiifin lahaa waxyaalaha xun xun,
  2. In falalka dadka miisaan lagu qiyaasi doono,
  3. Faa’idada sabarka iyo ajar badnaantiisa,
  4. Sida Qur’aanka dadka ugu shafaaca qaadayo haddii lagu camal falo,
  5. Qof kasta naftiisuu u shaqo tegayaa nin Naar u jeeda iyo nin Janno u jeeda ayaa loo qeybsamayaa, marka naftaada Janno u jiid,
  6. Qiimaha sadaqada iyo salaaddu u leedahay maalinta xisaabta qofkii hormarsaday.

Xadiiska 24aad: REEBIDDA DULMIGA

عَنْ أَبِي ذَرٍّ الْغِفَارِيِّ عَنْ النَّبِيِّ فِيمَا يَرْوِيهِ عَنْ رَبِّهِ ، أَنَّهُ قَالَ: “يَا عِبَادِي: إنِّي حَرَّمْت الظُّلْمَ عَلَى نَفْسِي، وَجَعَلْته بَيْنَكُمْ مُحَرَّمًا؛ فَلَا تَظَالَمُوا. يَا عِبَادِي! كُلُّكُمْ ضَالٌّ إلَّا مَنْ هَدَيْته، فَاسْتَهْدُونِي أَهْدِكُمْ. يَا عِبَادِي! كُلُّكُمْ جَائِعٌ إلَّا مَنْ أَطْعَمْته، فَاسْتَطْعِمُونِي أُطْعِمْكُمْ. يَا عِبَادِي! كُلُّكُمْ عَارٍ إلَّا مَنْ كَسَوْته، فَاسْتَكْسُونِي أَكْسُكُمْ. يَا عِبَادِي! إنَّكُمْ تُخْطِئُونَ بِاللَّيْلِ وَالنَّهَارِ، وَأَنَا أَغْفِرُ الذُّنُوبَ جَمِيعًا؛ فَاسْتَغْفِرُونِي أَغْفِرْ لَكُمْ. يَا عِبَادِي! إنَّكُمْ لَنْ تَبْلُغُوا ضُرِّي فَتَضُرُّونِي، وَلَنْ تَبْلُغُوا نَفْعِي فَتَنْفَعُونِي. يَا عِبَادِي! لَوْ أَنَّ أَوَّلَكُمْ وَآخِرَكُمْ وَإِنْسَكُمْ وَجِنَّكُمْ كَانُوا عَلَى أَتْقَى قَلْبِ رَجُلٍ وَاحِدٍ مِنْكُمْ، مَا زَادَ ذَلِكَ فِي مُلْكِي شَيْئًا. يَا عِبَادِي! لَوْ أَنَّ أَوَّلَكُمْ وَآخِرَكُمْ وَإِنْسَكُمْ وَجِنَّكُمْ كَانُوا عَلَى أَفْجَرِ قَلْبِ رَجُلٍ وَاحِدٍ مِنْكُمْ، مَا نَقَصَ ذَلِكَ مِنْ مُلْكِي شَيْئًا. يَا عِبَادِي! لَوْ أَنَّ أَوَّلَكُمْ وَآخِرَكُمْ وَإِنْسَكُمْ وَجِنَّكُمْ قَامُوا فِي صَعِيدٍ وَاحِدٍ، فَسَأَلُونِي، فَأَعْطَيْت كُلَّ وَاحِدٍ مَسْأَلَته، مَا نَقَصَ ذَلِكَ مِمَّا عِنْدِي إلَّا كَمَا يَنْقُصُ الْمِخْيَطُ إذَا أُدْخِلَ الْبَحْرَ. يَا عِبَادِي! إنَّمَا هِيَ أَعْمَالُكُمْ أُحْصِيهَا لَكُمْ، ثُمَّ أُوَفِّيكُمْ إيَّاهَا؛ فَمَنْ وَجَدَ خَيْرًا فَلْيَحْمَدْ اللَّهَ، وَمَنْ وَجَدَ غَيْرَ ذَلِكَ فَلَا يَلُومَن إلَّا نَفْسَهُ”. [رَوَاهُ مُسْلِمٌ].

Waxaa laga weriyey Abii—Dar al—Gafaari , in Nebigu , uu ka weriyey Rabbigiisa oo yiri:

“Addoomaheygiyow anigu waan ka xaaraantimeeyey nafteyda dulmiga, waxaan ka dhigay dhexdiinna xaaraan, idinku ha is—dulminina. Addoomaheygiy- ow dhammaantiin baadi baad tihiin, qofkii aan hanuuniyo ma ahee, marka soo doonta hanuun aan idin hanuuniyee. Addoomah- eygiiyow dhammaantiin waad baahan tihiin soo doonta quud aan idin quudiyee. Addoomaheygiiyow dhammaantiin waa arradan tihiin soo doonta hu aan idin arrad tiree. Addoomaheygiiyow habbeen iyo dharaarba waad gefeysaan, dembiga dhammaantiina anigaa dtiaafa, marka dembi— dhaaf dalba aan idiin dembi — dhaafee. Addoomaheygiiyow haddaad i dhibi lahaydeen ma awoodi kartaan, haddaad wax ii tari lahaydeen ma awoodi kartaan. Addoomaheygiiyow haddii dadkoo dhammi kii loogu hor—uumay ilaa kii ugu dambeeyey Jinni iyo Insiba oo ay dhammaantood la mid noqdaan qofka dadka ugu Alla ka cabsi iyo cibaado badan, waxba hantideyda ku kordhin meysaan. Addoomaheygiiyow haddii dadka oo dhan kii loogu hor uumay ilaa kii ugu dambeeyey Insi iyo Jinniba ay la mid noqdaan ninka dadka ugu caasi badan, waxba hantideyda ka dhimimeysaan Addoomadeydiiyow haddii dadka kii u horreeyey iyo kii u dambeeyey Insi iyo Jinba hal meel ay isugu yimaadaan oo ay dhammaantood i weydiistaan waxa ay doonayaan oon mid hasta siiyo wuxuu warsaday waxba hantideyda ka dhimi maayaan, waxaan ka ahayn irbad bad la geliyey ay ka dhinto biyaha badda. Addoomaheygiiyow, waxaan idiin hayaa camalkiinnii oon idiin keydiyey, si waafi ahna idiinka abaalmarinayo, marka ninkii kheyr la kulma Ilaahay ha u mahad—-naqo, kii shar la kulma naftiisa keli ah ha canaanto.”

Waxaa weriyey Muslim.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskan waa xadiis qudsi ah, Nebigu Ilaahay ka weriyey.

Dulmiga waxa loola jeedaa in dadka gardarro iyo xasad lagula kaco ama xoolahooda xaq—darro loo qaato, marka Ilaahay wuu ka dhowrsoon yahay dulmiga, dadkana wuxuu amray inaanay js—dulmin, wuxuu Ilaahay inoo sheegay wax jira oo ah in dadku dunida yimaado, iyagoon aqoon lahayn, iyagoo qaawan, iyagoo sabool ah, marka Ilaahay baa irsaaqda, hanuunka iyo aqoontaba ugu deeqa dadkiisa, waana in laga dalbo isaga keli ah oon laga baryin cid aan arrimahaas gacanta ku haysan, maxaa yeelay, qofna ma bixin karo wax aannu hanan. Wuxuu sheegay Ilaahay dabeecadda aadamigu leeyahay oo ah inuu mar kasta gefaf ku dhaco, marka qofkii gefaa waa in uu Ilaahay cafis warsado oo uu u toobad keeno, jidka toosanna raaco.Waxaanu Ilaahay u ballanqaaday qofkii dembi— dhaaf warsada, jidka qumanna ku toosa inuu cafin doono. Waxaa kale oo Ilaahay inoo sheegay inaan caasinnimada dadku Ilaahay waxba u dhimayn, xataa haddii uunkoo dhammi ku caasi garoobaan.

Sidoo kale daacadda badan waxba Ilaahay u kordhin maayaan, xataa haddii uunkoo dhammi wada daacad taqi ah noqdaan, macnahoo ah khalqiga Ilaahay waxna uma tari karaan waxna ma yeeli karaan, Ilaahay isagaa dunida abuuray, waanu ka deeqtoon yahay sida lagu caddeeyey aayado badan oo Qur’aanka ah, marka uunku isagaa u baahan Ilaahay, waxaana u roon in ay amarkiisa fuliyaan, si ay u gaaraan danahooda.

Waxaa sidaa caddeeyey qowlka leh: “Haddii dadkoo dhan oo jinkuna la jiro qof kastana wuxuu ka doono dunida i warsado oon dhammaantood qof waliba siiyo wuxuu warsaday hantida Ilaahay waxba ka dhimmi maayaan, sida aanay badda waxba uga dhimayn haddii irbad la geliyo oo laga soo saaro.”

Ugu dambeyntii xadiisku wuxuu sheegayaa in dadka lagu abaalmariyo qofba wuxuu fashay, marka qofkii ku gabood falay sharciga, hawada naftiisana raacay waxaa loogu abaalgudayaa cadaab. qofkiise amarka ftabbi raacay ee sharciga ku camal—falay, waxaa loogu abaalgudayaa Jannada. Marka qofkii naar mutaysta ha canaanto naftiisa oo keli ah, maxaa yeelay, iyadaa ka dhumisay jidka toosan.

Faa’idada Xadiiska

  1. In dulmigu xaaraan yahay;
  2. Hanuunka waa in la warsado Ilaahay oo keli ah, asbaabtana lala yimaado sida salaadda, ku xirnaanta masjidka, akhrisashada qur’aanka iyo xadiiska nebiga (SCW), la xiriirka dadka wanaagsan sida culumada, akhyaarta, dadka Islaamka iyo siday kalimada Alla kor u ahaan laheyd ku howlan lana jeclaado iwm;
  3. Khalqigu dhib iyo dheef midna Ilaahay ma gaarsiin karaan;
  4. Dadka waxaa lagu abaalmariyaa qofba wuxuu fashay;
  5. Qofka Muslimka ah waa in uu Ilaahay ka baryo hanuunka, kheyrka, dembidhaafka iyo wuxuu doonaba ee aannu ka codsanin arrimahaas cid aan waxba uga tarayn;
  6. Qofku waa in uu Alla uga mahadnoqo nicmooyinka faraha badan ee aan la soo koobi karayn.

Xadiiska 25aad: WARDIGU WAA SADAQO

عَنْ أَبِي ذَرٍّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَيْضًا، “أَنَّ نَاسًا مِنْ أَصْحَابِ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم قَالُوا لِلنَّبِيِّ صلى الله عليه و سلم يَا رَسُولَ اللَّهِ ذَهَبَ أَهْلُ الدُّثُورِ بِالْأُجُورِ؛ يُصَلُّونَ كَمَا نُصَلِّي، وَيَصُومُونَ كَمَا نَصُومُ، وَيَتَصَدَّقُونَ بِفُضُولِ أَمْوَالِهِمْ. قَالَ: أَوَلَيْسَ قَدْ جَعَلَ اللَّهُ لَكُمْ مَا تَصَّدَّقُونَ؟ إنَّ بِكُلِّ تَسْبِيحَةٍ صَدَقَةً، وَكُلِّ تَكْبِيرَةٍ صَدَقَةً، وَكُلِّ تَحْمِيدَةٍ صَدَقَةً، وَكُلِّ تَهْلِيلَةٍ صَدَقَةً، وَأَمْرٌ بِمَعْرُوفٍ صَدَقَةٌ، وَنَهْيٌ عَنْ مُنْكَرٍ صَدَقَةٌ، وَفِي بُضْعِ أَحَدِكُمْ صَدَقَةٌ. قَالُوا: يَا رَسُولَ اللَّهِ أَيَأْتِي أَحَدُنَا شَهْوَتَهُ وَيَكُونُ لَهُ فِيهَا أَجْرٌ؟ قَالَ: أَرَأَيْتُمْ لَوْ وَضَعَهَا فِي حَرَامٍ أَكَانَ عَلَيْهِ وِزْرٌ؟ فَكَذَلِكَ إذَا وَضَعَهَا فِي الْحَلَالِ، كَانَ لَهُ أَجْرٌ”.

[رَوَاهُ مُسْلِمٌ].

Waxaa laga weriyey Abuu-Darr (Allaha ka raalli noqdee), inuu yiri:

Dad Asxaabtii Rasuulka (s.c.w.) ka mid ah ayaa ku yiri Nebiga (s.c.w.): Rasuulkii Allow dadkii maalqabeenka ahaa ayaa ajarkii la wada tagey, sidaan u tukanno ayey u tukanayaan, sidaan u soomno ayey u soomayaan, waxay nagu dhaafeen in ay sadaqaystaan xoolahooda dheeraadka ah. Markaasuu Nebigu yiri (s.c.w.): Miyaan Ilaahay idin siin wax aad sadaqaysataan.? Tasbiixad kastaa (Subxaanallaah), waxay idiin tahay sadaqo, Takbiirad kastaa (Allaahu Akbar) waxay idiin tahay sadaqo, Taxmiid kastaa (Alxamdu Lillaah) waxay idiin tahay sadaqo, Alla mideyn kastaa (Laa llaaha lllal—laah), waxay idiin tahay sadaqo, wanaagga la is—faraa waa sadaqo, xumaanta layska reebaa waa sadaqo, galmada ooridiinnu waa sadaqo. Markaas bay yiraahdeen: Rasuulkii Allow ma nin baa xaajada uu gudanayo lagu ajar siinayaa? Markaas buu yiri: waxaad iiga warrantaa haddii uu naag xaaraan ah u tegi lahaa sow dembi kuma dhaceen? Sidoo kale hadduu u tago ooridiisa xalaasha ah wuxuu leeyahay ajar.

Waxaa weriyey Muslim.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani aad buu muhiim u yahay, maxaayeelay, wuxuu inoo caddeynayaa inaan cibadadu ku koobnayn salaadda iyo waajibaadka xagga Ilaahay ee waxaa ka mid ah kheyr kasta oo dadka loo faa’ideeyo.

Waxaa kale oo xadiisku sheegay inaan sadaqadu ku koobneyn xoola—bixinta oo keli ah, ee werdigu geli karo halkii sadaqada, ninkii aan xoolo lahayn.

Waxaa la sadaqayn karaa xoogga Ilaahay ku siiyey, carrabkaaga waad ku werdin kartaa, laakiin, waxaa shardi ah erayada aad ku werdinaysaa in ay kuwa sharcigu na faray ay yihiin, sida kuwa ku xusan xadiiskan, mana bannaana inuu jeebkiisa ka keensado wardi aan sharciga lagu sheegin, sida aanay u bannaaneyn in uu tukado salaadda aan sharcigu farin ama si aannu sharciga u farin, waxaa kale oo carrabka laga sadaqayn karaa in dadka wax loo sheego, lagu hauuniyo jidka toosan, loogadigo jidka qalloocan. Waxaa kaloo xadiisku inoo faa’ideeyey in fal kasta oo wanaagsan qofka laga ajar siinaayo haba noqdo wax uu dantiisa gaarka ah u qabtay sida galmada xaaskiisa.

Faa’idada Xadiiska

  1. Siday Asaxaabtu kheyrka ugu tartami jireen, innaguna waa inaan kaga dayanno;
  2. Sadaqadu inaanay xoolo la bixiyo oo keli ah ku koobnayn ee xoogagga kala duwan ee Ilaahay inoogu deeqay la sadaqaysan karo;
  3. Cibaadadu in ay ku koobneyn arkaanta Islaamka ee ay tahay kheyr kasta oo loo sameeyo aadamiga sida waafaqsan sharciga;
  4. Galmada xalaasha ah, waxaa laga helayaa ajar.

Xadiiska 26aad: XILKA SAARAN XUBNAHA QOFKA

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم “كُلُّ سُلَامَى مِنْ النَّاسِ عَلَيْهِ صَدَقَةٌ، كُلَّ يَوْمٍ تَطْلُعُ فِيهِ الشَّمْسُ تَعْدِلُ بَيْنَ اثْنَيْنِ صَدَقَةٌ، وَتُعِينُ الرَّجُلَ فِي دَابَّتِهِ فَتَحْمِلُهُ عَلَيْهَا أَوْ تَرْفَعُ لَهُ عَلَيْهَا مَتَاعَهُ صَدَقَةٌ، وَالْكَلِمَةُ الطَّيِّبَةُ صَدَقَةٌ، وَبِكُلِّ خُطْوَةٍ تَمْشِيهَا إلَى الصَّلَاةِ صَدَقَةٌ، وَتُمِيطُ الْأَذَى عَنْ الطَّرِيقِ صَدَقَةٌ”.

[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ]

، [وَمُسْلِمٌ].

Waxaa laga weriyey Abuu—Hureyra (Allaha ka raalli noqdee), inuu yiri: Rasuulkii Alla (s.c.w.) wuxuu yiri:

Xubin kasta oo aadamiga ku taal, waxaa kordeeda ah sadaqo, maalin kasta. Marka haddaad laba qof oo dirirsan heshiisiiso sadaqo ayey kuu tahay, haddii aad qof dhibaateysan sida ruux curyaan ah ku gargaartid gaadiid fuulidda oo ku taageertid in uu fuulo ama qaiab dhulka ka yaal aad u soo qabato waxay kuu tahay sadaqo, hadalka wanaagsan waa sadaqo, tallaabo kasta oo aad salaad u qaaddid waa sadaqo, haddii aad jidka waxa dadka dhibaya aad ka leexisid waa sadaqo.

Waxaa weriyey al-Bukhaari iyo Muslim.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani, wuxuu si faahfaahsan inoogu warramayaa xilka ka saaran qofka muslimiinta walaalihiisa ah ee bulshada kula nool. Wuxuu Ilaahay ku waajibiyey xubin kasta oo ka mid ah xubnaha qofka sadaqa joogto ah, waxaana lagu bixin karaa sadaqadaas shaqada xubnaha bulshada ee baahan loo qabanayo, wuxuu xadiisku tilmaamay dhowr fal, tusaale ahaan, kuwaas oo ah: In dadka kala boodsan la heshiisiiyo, in qofka tamarta daran ee curyaanka ah ama indhaha la’ lagu caawiyo fuulidda gaadiidka, in hadal wanaagsan oo aan turxaar) lahayn lagula hadlo dadka aad la kulmeysid, inaad Masaajidka qalbigaaga ku xirto, lugtaadana ku badiso oo aad ka qayb qaadato salaadaha faradka ee jamac ahaan loo wada tukanayo iyo duruusta iyo muxaadarooyinka ka jira, inaad jidka dadka iyo xooluhu marayaan ka nadiifisid waxa dhibaya dadka sida, dhagaxa, oodda iwm. Waxaa la mid ah arrimahaas wax kasta oo waxtar u leh dadka, oo dhib ka badbaadinaya ama dheef u soo jiidaya.

Marka wax-u-qabadka dadka kuu baahan ayaa kaa bixin kara waajibka xubnahaaga saaran, haddii awoodda Ilaahay ku siiyay aad ka hagratid walaalahaaga u baahan ogow inaad mudan doonto ciqaabta Ilaahay, sababtoo ah qofka curyaanka ah ama waxtarkaaga u baahan Ilaahay uma waayin in uu siiyo awooddaada oo kale ama tu ka weynba, laakiinse, ogaan buu sidaa uga yeelay, si laguu imtixaano adiga iyo dadka kula midka ah, in ay wax ka qabtaan arrimahaas oo kale.

Faa’idada Xadiiska

  1. Dhexdhexaadinta dadka dirirsan waa ku waajib dadka awoodda u leh;
  2. Gargaarka qofka aan fuuli karayn baabuurka ama waxa la midka ahba, ha noqdo qof curyaan ah, mid indha la waa waxyaalaha waajibka ku ah xubnaha bulshada muslimka ah;
  3. Qofkii aan wax kale hayn waa inuu ku soo dhoweeyo dadka erayo wanaagsan oo qofku ku farxo, isagoo daacad ah oo aan waxba ka sasabanayn;
  4. Jidka dadku marayo waa in laga fogeeyo wixii dadka dhibaya, sida dhagaxa, qoryaha, iwm;
  5. Socodka (oo soconayo masjidka, tallaabo kasta ajar buu ku leeyahay qofku;
  6. Sida maalka sekada ugu waajibtay ayey jirkana ugu waajibtay seko, laakiin, sekda jirku waa inaad xoogga, caqliga iyo laxaadkaaga kale muslimiinta wax ugu tartid;
  7. Inuu qofku xooggiisa isaga uun isku koobin ee waa in uu u gudbiyo dadka kale ee walaalahiis ah una baahan waxtarkiisa.

Xadiiska 27aad: SHAKIGA SIDAAD UGA BIXI LAHAYD

عَنْ النَّوَّاسِ بْنِ سَمْعَانَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ عَنْ النَّبِيِّ صلى الله عليه و سلم قَالَ: “الْبِرُّ حُسْنُ الْخُلُقِ، وَالْإِثْمُ مَا حَاكَ فِي صَدْرِك، وَكَرِهْت أَنْ يَطَّلِعَ عَلَيْهِ النَّاسُ” رَوَاهُ مُسْلِمٌ [رَوَاهُ مُسْلِمٌ]. وَعَنْ وَابِصَةَ بْنِ مَعْبَدٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: أَتَيْت رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم فَقَالَ: “جِئْتَ تَسْأَلُ عَنْ الْبِرِّ؟ قُلْت: نَعَمْ. فقَالَ: استفت قلبك، الْبِرُّ مَا اطْمَأَنَّتْ إلَيْهِ النَّفْسُ، وَاطْمَأَنَّ إلَيْهِ الْقَلْبُ، وَالْإِثْمُ مَا حَاكَ فِي النَّفْسِ وَتَرَدَّدَ فِي الصَّدْرِ، وَإِنْ أَفْتَاك النَّاسُ وَأَفْتَوْك” .

حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَيْنَاهُ في مُسْنَدَي الْإِمَامَيْنِ أَحْمَدَ بْنِ حَنْبَلٍ [رقم:4/227]، وَالدَّارِمِيّ [2/246] بِإِسْنَادٍ حَسَنٍ.

Waxaa laga weriyey an—Nawaas ibn Samcaan (Allaha ka raalii noqdee), in uu yiri Nebiga (s.c.w.):

Samaantu waa dabeecadda wanaagsan, xumaantuna waa wax naftaada shaki geliya eed kahato in dadku kugu arko.

Waxaa weriyey Muslim.

Waabisa ibn Macbadna waxaa laga weriyey, Allaha ka ralli noqdee, in uu yiri:

Waxaan u mid Rasuulkii Ilaahay (s.c.w.), markaasuuu i yiri: “Ma waxaad u timid inaad warsato samaanta? Markaasaan iri: Haa. Markaasuu yiri: qalbigaaga warso samaantu waa waxay naftaadu ku kalsoonaato, qalbiguna ku negaado, xumaantuna waa waxa nafta shaki geliya, qalbiguna ka walaaco, xataa haddii dadku kuu iftoodu oo ay kuu qiraan in uu wanaagsan yahay.

Waa xadiis xasan ah ee ku yaal Musnadka Axmed ibn Xanbal iyo Ad-Daarami.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskan waa miisaan lagu kala sooco wanaagga iyo xumaanta, miisaankuna waa qalbiga qofka Muslimka ah, marka arrinku kaa hor yimaado haddii aad ka shakido in uu waxaas xalaal yahay iyo in kale, marka wbdi aad ka shakidid ka dheerow xataa haddii dadku ku yiraahdo waxaanu waa xalaal waa inaadan ku kalsoonaanin, waa inaad ku camal—fashid waxa aad ku kalsoon tahay ee aad ku laab fayowdahay, daliil xoog lehna aad sharciga uga heysato.

Faa’idada Xadiiska

  1. Haddaad doonto inaad ku dhaqaaqdid shaqo ama fal ad ka shaki san tahaty naftaada la tasho, iyo culumada Islaamka;
  2. Qofka Muslimka dhabta ah, wuxuu qalbigiisa ku negi yahay waa wax san;
  3. Qofka Muslimka ah, wixii uu ka shakiyo in ay xun yihiin iyo in kale waa in uu ka dheeraado.
  4. Wixii aad neceb tahay in ay dadka sharafta leh kugu arkaan ogow in uu yahay wax aan sharciga ku fiicnayn.

Xadiiska 28aad: DARDAARAN

عَنْ أَبِي نَجِيحٍ الْعِرْبَاضِ بْنِ سَارِيَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: “وَعَظَنَا رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم مَوْعِظَةً وَجِلَتْ مِنْهَا الْقُلُوبُ، وَذَرَفَتْ مِنْهَا الْعُيُونُ، فَقُلْنَا: يَا رَسُولَ اللَّهِ! كَأَنَّهَا مَوْعِظَةُ مُوَدِّعٍ فَأَوْصِنَا، قَالَ: أُوصِيكُمْ بِتَقْوَى اللَّهِ، وَالسَّمْعِ وَالطَّاعَةِ وَإِنْ تَأَمَّرَ عَلَيْكُمْ عَبْدٌ، فَإِنَّهُ مَنْ يَعِشْ مِنْكُمْ فَسَيَرَى اخْتِلَافًا كَثِيرًا، فَعَلَيْكُمْ بِسُنَّتِي وَسُنَّةِ الْخُلَفَاءِ الرَّاشِدِينَ الْمَهْدِيينَ، عَضُّوا عَلَيْهَا بِالنَّوَاجِذِ، وَإِيَّاكُمْ وَمُحْدَثَاتِ الْأُمُورِ؛ فَإِنَّ كُلَّ بِدْعَةٍ ضَلَالَةٌ”.

[رَوَاهُ أَبُو دَاوُدَ]، وَاَلتِّرْمِذِيُّ [رقم:266] وَقَالَ: حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ.

Waxaa laga wariyey Abuu—Najiix al—Cirbaad ibn Saariya (Allaha ka raalli noqdee), in uu yiri:

Waxaa na wacdiyey Rasuulkii Alta (s.c.w.), wacdi qalbiga dhalaaliyey oo indhaha ka ilmeysiiyey, markaasaan ku niri Rasuulkii Allow wacdigaagani wuxuuu u eg yahay wacdi sagootin ah ee inoo dardaaran. Markaasuu yiri: waxaan idinkula
dardaarmayaa cabsida Allaha casiiska ah ee weyn iyo maqal iyo adeecid madaxdiinna, xataa haddii uu madaxiinnu yahay nin addoon ah, ninkiinna noolaadana wuxuu arki doonaa khilaaf fara badan, si aad uga badbaaddaan khilafkaa waxaan idinkula dardaarmayaa inaad raacdaan jidka Nebigiin iyo jidka Khulafadiisii hanuunsanaa, jidkaa ku dhega oo gowsaha ku qabsada, kana digtoonaada arrimaha soo dirrin doona, maxaa yeelay, wax kasta oo Diinta lagu soo dirriyey waa bidco, bidcaduna waa baadinnimo, qofkii ku socdaana waa ahlu-naar.

Waxaa weriyey Abuu-Daawuud iyo at-Tirmidif wuxuuna yiri waa xadiis Xasan ah oo saxiix ah.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu caddeynayaa arrimo ka mid ah kuwii Nebigu (s.c.w.) u dardaarmay ummaddiisa, waxaanu ku wacdiyey wacdi qalbigooda dhaqaajiyey, wuxuu kula dardaarmay in ay Ilaahay ka cabsadaan oo ay ku dadaalaan dhowridda iyo ku—dhaqanka sharciga, wuxuu faray in amarka dawladda, Islaamka dhaqankeedu yahay la adeeco, xataa hadduu yahay ninka madaxda ah qof addoon ah. Mar haddii aannu wax diinta khilaafsan idin fareyn. Wuxuu xadiisku ka warramay waxyaalo dhici doona oo ah ninkii noolaada in uu la kulmi khilaaf fara badan. Marka wuxuu yiri Nebigeennii suubbanaa (s.c.w.) haddii waxaasi dhacaan raaca jidka Nebiga iyo Khulafadii hanuunsanayd ku joogeen. Khulafada waxa loola jeedaa Abuubakar As-Sadiiq, Cumar Ibni—Khadaab, Cusmaan ibni—Caffaan, Cali Ibni— Abii—Daalib, jidkaas baa xaq ah ee ha lagu dhego, cidii heystana ha lala garab iyo gaashaan noqdo.

Wuxuu uga digay in ay ku kalsoonaadaan waxyaalaha diinta lagu kordhin doono oo aan ka mid aheyn, ama laga naaqusin doono ee ah bidcada, bidcaduna waa baadi dadka naarta u jiideysa, marka bidcada waxaa loola jeedaa in Ilaahay lagu caabudo wax aannu jideynin oo aan nebigu farin, sida werdi aannu nebigu sheegin inaan ku werdinno ama sa- laad aan lagu farin ama goortii lagu faray goor aan aheyn aad tukatid ama si aan laguu farin u tukatid ama aad u jeesato meel aan qiblada aheyn ama aad dawaaftid meel aan Kacbada Ilaahay ahyn iwm. Bidcaduna waa laba nooc, bidco lagu gaaloobayo sida ku dawaafidda qabuuraha ama baryada awliyada mootan iyo gargaar ugu wacashadooda, Iyo bidco aan lagu gaaloobeyn; ha yeeshee dembi sida carrabbaabidda niyada salaadda oo aad tiraahdo usallii faradal salaata iwm.

Markaad ku kacayso fal cibaado ah, waa inaad ogaatid halka uu falkaas salka ku hayo, maxaa yeelay, cibaado ma aha inaad iska fashid sidaad jeceshahay ee waa sida lagu faro, haddiise aad Ilaahay ku caabuddo wax aannu kuu diran waa tacab khasaaray if iyo aakhiraba, marka iska hubso intaad dhowdahay oo camalkaaga la socodsii sharciga Islaamka runta ah.

Faa’idada Xadiiska

  1. In Ilaahay la dhowro sharcigiisa;
  2. In amarka dawladda Islaamka wax ku xukumeysa la adeeco, haddii kale fidnaa dhaceysa;
  3. Marka khilaafku bato xagga diinta waa in la raaco jidkii rasuulka (SCW) iyo khulafadiisa;
  4. Dadka ku camal fala bidcada abaalkoodu waa tacab khasaar ifka iyo cadaab aakhiro, maxaa yeelay, wejigaa lagaga soo tuurayaa camalkooda, aakhirana waa lagu ciqaabayaa, sababtoo ah intuu weydaartay jidkii Rasuulka ayuu ku camal falay cibaado aan la farin, inkastoo uu is—leeyahay kheyr baad heleysaa, wuxuu la mid yahay qofkaasi sidii asaga oo leh jidka Rasuulka ma fiicna ee anigaa jid ka fiican oo Ilaahay kuu dhoweynaya samaynaya, jidkaas baana naarta geeya.

Xadiiska 29aad: JIDKA JANNADA LOO MARO

عَنْ مُعَاذِ بْنِ جَبَلٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قُلْت يَا رَسُولَ اللَّهِ! أَخْبِرْنِي بِعَمَلٍ يُدْخِلُنِي الْجَنَّةَ وَيُبَاعِدْنِي مِنْ النَّارِ، قَالَ: “لَقَدْ سَأَلْت عَنْ عَظِيمٍ، وَإِنَّهُ لَيَسِيرٌ عَلَى مَنْ يَسَّرَهُ اللَّهُ عَلَيْهِ: تَعْبُدُ اللَّهَ لَا تُشْرِكْ بِهِ شَيْئًا، وَتُقِيمُ الصَّلَاةَ، وَتُؤْتِي الزَّكَاةَ، وَتَصُومُ رَمَضَانَ، وَتَحُجُّ الْبَيْتَ، ثُمَّ قَالَ: أَلَا أَدُلُّك عَلَى أَبْوَابِ الْخَيْرِ؟ الصَّوْمُ جُنَّةٌ، وَالصَّدَقَةُ تُطْفِئُ الْخَطِيئَةَ كَمَا يُطْفِئُ الْمَاءُ النَّارَ، وَصَلَاةُ الرَّجُلِ فِي جَوْفِ اللَّيْلِ، ثُمَّ تَلَا: ” تَتَجَافَى جُنُوبُهُمْ عَنِ الْمَضَاجِعِ ” حَتَّى بَلَغَ “يَعْمَلُونَ”،[ 32 سورة السجدة / الأيتان : 16 و 17 ] ثُمَّ قَالَ: أَلَا أُخْبِرُك بِرَأْسِ الْأَمْرِ وَعَمُودِهِ وَذُرْوَةِ سَنَامِهِ؟ قُلْت: بَلَى يَا رَسُولَ اللَّهِ. قَالَ: رَأْسُ الْأَمْرِ الْإِسْلَامُ، وَعَمُودُهُ الصَّلَاةُ، وَذُرْوَةُ سَنَامِهِ الْجِهَادُ، ثُمَّ قَالَ: أَلَا أُخْبِرُك بِمَلَاكِ ذَلِكَ كُلِّهِ؟ فقُلْت: بَلَى يَا رَسُولَ اللَّهِ ! فَأَخَذَ بِلِسَانِهِ وَقَالَ: كُفَّ عَلَيْك هَذَا. قُلْت: يَا نَبِيَّ اللَّهِ وَإِنَّا لَمُؤَاخَذُونَ بِمَا نَتَكَلَّمُ بِهِ؟ فَقَالَ: ثَكِلَتْك أُمُّك وَهَلْ يَكُبُّ النَّاسَ عَلَى وُجُوهِهِمْ -أَوْ قَالَ عَلَى مَنَاخِرِهِمْ- إلَّا حَصَائِدُ أَلْسِنَتِهِمْ؟!” .

رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم:2616] وَقَالَ: حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ.

Waxaa laga weriyey Mucaad ibnJabal (Allaha ka raalli noqdee), wuxuu yiri:

Waxaan ku iri Rasuulkii Allow ii sheeg camal Jannada i geliya, Naartana iga dheereeya. Wuxuu yiri, waxaad weydiisay arrin cuius, waana sahlan yahay ninkii Ilaahay u fududeeyo: “Ilaahay keJigii caabud oo cid kale ha la wadaajinin cibaadada, tuko salaadda, bixi sakada, soon bisha Ramadaanka, Xajka gudo, markaasuu yiri, soo kuma aan tuso irdaha khayrka: Soonku waa gaashaan, sadaqadu waxay -demisaa dembiyada, sida biyuhu dabka u damiyaan, waana sidaa oo kale salaadda saqda dhexe loo kaco. Markaa buu wuxuu akhriyey aayaddan qur’aanka ah ee ammaanaysa dadka u kaca salaadda saqda dhexe, marka dadka kale hurdada macaansanayaan. Markaasuu yiri: Ma kuu sheegaa arrinka madaxiisa, tiirkiisa iyo baarkiisa? Markaasaan iri: Haa, Rasuulkii Allow. Markaasuu yiri Nebigu: Arrinka madaxiisu waa Islaamnimada; Tiirkiisuna waa Salaadda; Baarkiisuna waa Jihaadka. Haddana wuxuu yiri: Ma kuu sheegaa wax intaas oo dhan isku fuuqsaday? Markaasaan iri: Haa, Rasuulkii Allow, markaasuu yiri intuu carrabka taabtay, iska celi kan. Markaasaan iri Nebi Allow miyaa na loo qabsanayaa waxaan ku hadalno?

Markaasuu yiri hooyadaa ha ku weydo Mucaadow, maxaa dadka naarta ku tuura oo aan ahayn waxyaalaha carrabka lagu galabsaday?

Waxaa weriry at-Tirmidi oo yiri waa Xadiis Xasan ah.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskan wuxuu kulansaday arrimo waaweyn oo isla markaa qiimo xeel dheer ku fadhiya. Markuu weydiiyey Mucaad Nebiga (s.c.w.), camal Jannada geeya, Naartana ka fogeeya, wuxuu ugu jawaabay in camalkaasi ku xiran yahay siduu ugu camal falo mabaadi’ida uu hoos ugu sheegay oo Shanta Tiir ee Islaamku ka mid yihiin, sida in Ilaahay keligiis la caabudo oo aan cid kale loola shariik yeelin cibaadada. In uu guto waajibaadka salaadda, soonka, sekada iyo xajka.

Wuxuu haddana uga warramay waxtarka salaadda iyo sadaqada isagoo yiri: “Salaaddu waxay gaashaan kaaga noqotaa naarta, weliba wuxuu sii ammaanay isagoo aayad Qur’aan ah tusaale u soo qaatay, dadka saqda dhexe salaadda u kaca markay dadka kale hurdo ku maqan yihiin, sadaqaduna waxay damisaa dembiga qofka gubaya ee u jiidaya naarta.”

Haddana Rasuulku (s.c.w.) wuxuu ka warramay saddex waxyaalood oo ugu muhiimsan qofka dunida ku nool, kan ugu horreeya waa in qofku galo Xerada Islaamnimada, kan labaad waa Tiirka oogidda salaadda, kan saddexaad oo ah heer sare oo ah halka geela kuruska kaga yaallo waa jihaadka aad lajihaadeyso cadowyada naftaadaee faraha badan oo ay ka mid yihiin: Sheydaanka, hawada nafta, Cadowga Islaamka ee raba in uu demiyo iftiinka Ilaahay iyo cadowga aadamiga, guud ahaan, sida gaajada, cudurka, jahliga iwm. waa inaad cadowyadaas oo dhan midna looga soo dhicin dhinaca aad Islaamka ka joogtid, laakiin, waxaas oo dhan waxaa ka daran ee loo baahan yahay waa inaad carrabkaaga ka adkaatid, maxaa yeelay, waa qalabka sharka iyo kheyrkaba lagu fulin karo, isagaa dadka kugu diri kara, haddaad ku hadasho wax xun, isagaa dadka kuu soo dhoweyn kara hadaad kula dhaqantid wax fiican, markaa ka digtoonow in uu naar ku jiido, dadka isagaa ku ururiyey naarta.

Faa’idada Xadiiska

  1. Wuxuu caddeeyey Tiirarka Islaamka;
  2. Faa’iidada salaadda iyo kaalinta ay kaga jirto Islaamka;
  3. Qiimaha sadaqada iyo salaadda saqda dhexe;
  4. Arrimaha ugu muhiimsan qofka dunida ku nool;
  5. Jihaadka iyo waxyaalaha lala jihaadaayo;
  6. Halisnimada carrabka iyo inuu qofka naar u jiidaayo, hadduusan iska celin;
  7. In gudashada waajibka qofka u jiideyso Jannada.

Xadiiska 30aad: XUDUUDDA ALLA

عَنْ أَبِي ثَعْلَبَةَ الْخُشَنِيِّ جُرْثُومِ بن نَاشِر رَضِيَ اللهُ عَنْهُ عَنْ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم قَال: “إنَّ اللَّهَ تَعَالَى فَرَضَ فَرَائِضَ فَلَا تُضَيِّعُوهَا، وَحَدَّ حُدُودًا فَلَا تَعْتَدُوهَا، وَحَرَّمَ أَشْيَاءَ فَلَا تَنْتَهِكُوهَا، وَسَكَتَ عَنْ أَشْيَاءَ رَحْمَةً لَكُمْ غَيْرَ نِسْيَانٍ فَلَا تَبْحَثُوا عَنْهَا”.

حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَاهُ الدَّارَقُطْنِيّ ْ”في سننه” [4/184]، وَغَيْرُهُ.

Waxaa laga weriyey Abuu—Saclaba al—Khushani Jurthum ibn Naashir (Allaha ka raalli noqdee), in uu yiri Rasuulkii Ilaahay wuxuu yiri:

Ilaahay wuxuu faray waajibaad, ha dayacina wuxuu dhigay soohdimo, ha gudbina, wuxuu xaaraantinnimeeyey waxyaalo ee, ha falina, wuxuu ka aamusay waxyaalo isagoon hilmaansanayn uu idinku naxariisanaya ee ha baarbaarina.
Waa xadiis Xasan ah, waxaa weriyey Ad- Daaraqudni iyo kuwo kaleba.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu ku soo murtiyeeyey Islaamkii oo dhan afar arrimood oo kala ah:

  1. In la falo wixii Ilaahay ina amray;
  2. Inaan la falin wixii Ilaahay innaga reebay;
  3. inaan la gudbin soohdinta Ilaahay ku kala xiray wanaagga iyo xumaanta;
  4. Inaan la baarbaarin wixii Ilaahay ogaan uga aamusay.

Waxaa looga jeedaa inaan la baarbaarin arrimaha dahsoon:

Arrimaha dunida jira wey u wada bannaan yihiin Muslimka, wixii aan lagu caddeyn in la xaaraantinimeeyey. Haddaba, qofka Muslimka wanaagsan ahi, waa inaanu waxyaalahaas faagfaagin, si aan shaki iyo waswaas ugu dhicin dadka Muslimka ah ee waa in uu ku kalsoonaado llaahiisa oo u qeexay wixii xun ee aan loo oggoleyn ee dadka dhibaaya.

Faa’idada Xadiiska

  1. Gudashada waajibaadka iyo ka dheeraanshaha xaaraanta;
  2. Inta la fulinayo waajibaadka ee laga fogaanayo xaaraanta waa in lagu dhex jiro xuduudda Ilaahay uu dejiyey oo aan laga tallabsan;
  3. Uma bannaana qofna in uu xaaraantinimeeyo waxaan sharcigu dhigin.
  4. Wax kasta markooda hore wey bannaan yihiin ilaa laga helo qodob lagu xaaraantinimeeyo oo sharciga ku saleysan.

Xadiiska 31aad: WAXA ILAAHAY IYO DADKUBA KUGU JECLAADAAN

عَنْ أَبِي الْعَبَّاسِ سَهْلِ بْنِ سَعْدٍ السَّاعِدِيّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: جَاءَ رَجُلٌ إلَى النَّبِيِّ صلى الله عليه و سلم فَقَالَ: يَا رَسُولَ اللَّهِ‍! دُلَّنِي عَلَى عَمَلٍ إذَا عَمِلْتُهُ أَحَبَّنِي اللَّهُ وَأَحَبَّنِي النَّاسُ؛ فَقَالَ: “ازْهَدْ فِي الدُّنْيَا يُحِبُّك اللَّهُ، وَازْهَدْ فِيمَا عِنْدَ النَّاسِ يُحِبُّك النَّاسُ” .
حديث حسن، رَوَاهُ ابْنُ مَاجَهْ [رقم:4102]، وَغَيْرُهُ بِأَسَانِيدَ حَسَنَةٍ.

Waxaa laga weriyey Abuu Cabbaas Sahal ibn Saacid Al—Saacidi (Allaha ka raalli noqdee), in uu yiri:

Waxaa u yimid Nebiga (s.c.w.), nin oo ku yiri Rasuulkii Allow igu hanuuni ficil haddii aan falo Ilaahay iyo ummaddiisaba igu jeclaadaan. Markaas buu ku yiri, ka saahid adduunyada Ilaahay baa kugu jeclaane, ka saahid waxay dadku haystaan iyagaa ku jeclaan doonee.”

Waxaa weriyey Ibnu—Maajah iyo kuwo kale, waana Xadiis Xasan ah.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskan wuxuu ka hadlayaa jidkii loo mari lahaa raalli ahaanshaha Ilaahay iyo aadamiga, waana wax aad u adag sidii labadaba loo wads heli lahaa. Raalli ahaanshaha Alla waa inaad adduunyada iska dhaaftid. Adduunyada waxaa looga jeedaa maalka, marka waxaa is—weydiin leh haddii qofku iska dhaafo maalka iyo kasabaka sidee u noolaan karaa? Xadiiskan waxaa loogga jeedaa maalka laga saahidayo waa midka lagu raadiyo jidka aan sharciga ahayn ama sida xaaraanta ah lagu doono, laakiin, jidka xalaasha ah inaad ku shaqaysatid waa waajib, sida ay caddeeyeen aayado badan iyo xadiisyo kale.

Marka yaan loo qaadan in xoolaha oo dhan laga saahidaayo, maxaa yeelay, haddii sidaa la yeelo, waxaa dayacmaya waajibaadkii Ilaahay amray in laga bixiyo xoolaha sida sakada, sadaqada, xajka, jihaadka iyo badbaadin muslimiinta laga badbadiyo dhibaatooyinka arradka, gaajada, cudurrada iwm. Ka saahidda xoolaha dadka, waxaa loola jeedaa inaan qofku noqon mid damca waxa ay dadka kale haystaan oo aanu ka baryin ama ka boobin ama ka dhicin, dadku waxay isku nacaan baryada, marka Waxaa loo baahan yahay intii qofku awoodi karo in uu iska dhowro baryada aadamiga, haddii ay arkaan dadku inaad ka deeqtoon tahay oo aanad waxtar ma ahee waxyeello u lahayn iyagaa ku jeclaanaya oo kuu soo bandhigaya inay kula yeeshaan xiriir, iskaashi iyo iskaalmeysi.

Faa’idada Xadiiska

  1. Qofkii ka dheeraada damaca maalka xaraanta laga helo Ilaahay baa ka raalli noqonaya;
  2. Qofkii banneysta maalka xaaraanta ah, Ilaahay wuu nacaa, uunkiisuna wey nacaan;
  3. Waxay dadku kugu jeclaanayaan inaad ka deeqtoontid maalkooda iyo xooggooda, markaasay ku jeclaanayaan.

Xadiiska 32aad: MA BANNAANA ADIYADU

عَنْ أَبِي سَعِيدٍ سَعْدِ بْنِ مَالِكِ بْنِ سِنَانٍ الْخُدْرِيّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم قَالَ: ” لَا ضَرَرَ وَلَا ضِرَارَ” .

حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَاهُ ابْنُ مَاجَهْ [راجع رقم:2341]، وَالدَّارَقُطْنِيّ [رقم:4/228]، وَغَيْرُهُمَا مُسْنَدًا. وَرَوَاهُ مَالِكٌ [2/746] فِي “الْمُوَطَّإِ” عَنْ عَمْرِو بْنِ يَحْيَى عَنْ أَبِيهِ عَنْ النَّبِيِّ صلى الله عليه و سلم مُرْسَلًا، فَأَسْقَطَ أَبَا سَعِيدٍ، وَلَهُ طُرُقٌ يُقَوِّي بَعْضُهَا بَعْضًا.

Waxaa laga weriyey Abuu—Saciid Sacad ibn Maalik al—Khudri (Allaha ka raalli noqdee), in uu yiri Rasuulkii Ilaahay (s.c.w.):

“Dhib ma jiro adiyadna ma jirto.”

Waa xadiis Xasan ah, waxaa weriyey Ibnu—Maajah, ad-Daara—Qudni iyo kuwo kale.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani waa erayo kooban, laakiin macna xeel dheer ku fadhiya. Wuxuu xaaraantinimeynayaa dhammaan noocyada dulmiga, xinta, xanta, xasadka, gardarrada, dhaca iyo xad—gudub kasta. Wuxuu leeyahay ma bannaana qof xad—gudub kula kaca qofka kale xoolahiisa, naftiisa iyo sharafkiisa intaba.
Qofka muslimka ah, waa kii nabadgelyo laga helo carrabkiisa, iyo gacantiisaba, xataa haddii la dulmo waa inaanu ku xad—gudbin difaaca iyo iska celinta dulmiga.

Faa’idada Xadiiska

  1. Noocyada dulmiga oo dhan in ay xaaraan yihiin
  2. In laga nabadgalo carrabkaaga iyo gacantaada.

Xadiiska 33aad: CADDEYN KEENISTA WAA AASAASKA DOODAHA

عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم قَالَ: “لَوْ يُعْطَى النَّاسُ بِدَعْوَاهُمْ لَادَّعَى رِجَالٌ أَمْوَالَ قَوْمٍ وَدِمَاءَهُمْ، لَكِنَّ الْبَيِّنَةَ عَلَى الْمُدَّعِي، وَالْيَمِينَ عَلَى مَنْ أَنْكَرَ” .

حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَاهُ الْبَيْهَقِيّ [في”السنن” 10/252]، وَغَيْرُهُ هَكَذَا، وَبَعْضُهُ فِي “الصَّحِيحَيْنِ”.

Waxaa laga weriyey Cabdullaah ibn Cabbaas (Allaha ka raalli noqdee), in uu Rasuulkii Ilaahay yiri (s.c.w.):

Haddii dadka la siin lahaa waxay u dacwoodaanba rag baa sheegan lahaa xoolaha dadka iyo dhiggooda, lakiin, inuu caddeyn keeno waa waajibka ruuxa dacwada soo oogay, haddii ruuxa ashtakada keenay wax caddeyn ah keeni waayo, ruuxa u soo dacweeyeyna wixii inkiro waa la dhaaran dacweysanaha.

Waa xadiis xasan ah, waxaa weriyey al-Beyhaqi iyo kuwo kale.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu inoo sheegay aasaaska xeerka ah ee ay ku socdaan dacwooyinka maxkamadaha la hor keeno, waano saldhig sharci ah. Wuxuu xadiisku sheegay inaan qofna la siineyn waxa uu qofka kale ku sheeganayo, isagoon caddeyn keenin, haddiise la siin lahaa qofku waxa uu sheegto caddeyn la’aan, waxaa dhici lahaa in qof kastaa xoolo qof kale sheegto oo uu yiraahdo ha la iiga qaado. Marka waxaa loo shardiyay qofkii xaq sheeganaya in uu caddeyn la yimaado iyo xujo u sugeysa in xaqaa isaga ah laga qabo, ha noqoto xujadaasi marag, warqad rasmi ah iyo waxyaalo kaleba.

Qofka xaqa lagu sheeganaayo isaga lagama rabo caddeyn inaanu xaqaa qabin, ee waxaa laga rabaa in uu ka dhaarto inaanu xaqaa lagu sheeganayaa qabin, haddii dhinaca kale caddeyn laga waayo.

Faa’idada Xadiiska

  1. Inaan qofna la siin xaqa uu u dacwoonayo, haddii aannu u sugnaanin;
  2. Dacwoodaha waxaa korkiisa ah caddeyn;
  3. Dacweysanaha waxaa korkiisa ah dhaar, haddii dhinaca kale caddeyn laga waayo;
  4. Inaan qofka waxba qabin ilaa lagu sugo xaqa lagu sheegtay;
  5. Garsooruhu waa in uu raaco mabda’aa isaga ah markuu dacwad qaadaayo.

Xadiiska 34aad: REEBIDDA MUNKARKA

عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم يَقُولُ: “مَنْ رَأَى مِنْكُمْ مُنْكَرًا فَلْيُغَيِّرْهُ بِيَدِهِ، فَإِنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَبِلِسَانِهِ، فَإِنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَبِقَلْبِهِ، وَذَلِكَ أَضْعَفُ الْإِيمَانِ” .

[رَوَاهُ مُسْلِمٌ].

Waxaa laga weriyey Abuu—Saciid Al—Khudri (Allaha ka raalli noqdee), in uu yiri, waxaan ka maqlay Rasuulkii Ilaahay (s.c.w.) asagoo leh:

Qofkii arkaa wax munkar ah ha ku reebo gacantiisa, hadduu kari waayo, ha ku reebo carrabkiisa, hadduu kari waayo, ha ka kahdo qalbigiisa oo ha isaga tago qolada xumaha xambaarsan markay xumaanta ku jiraan isagoon waxba ka qaban karin, , waana ka ugu iimaan daciifsan.
Waxaa weriyey Muslim.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani waa saldhigga is—hanuuninta, dhowridda iyo badbaadinta xasilloonaanta bulshada iyo nabadgelyadeeda. Qof kasta oo Muslim ah, waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta sharciga, marka hadduu arko qof sharciga ku xad—gudbaya waa in uu xilkiisa guto oo aanu indhahana ka qabsan, wuxuu qaban karana waa saddex heer:

Kan koowaad waa in uu xumaanta xoog wax kaga qabto. Tusaale ahaan hadduu arko qof dadka dulmaya oo wax dilaya ama wax dhacaya ama wax gubaya iwm, waxaa waajib ku ah in uu qabto oo uu ka joojiyo dulmiga hadduu awoodi karo.
Heerka labaad haddii aanu awoodi karaynin in uu gacanta wax kaga qabto waa in uu la hadlo, Alla ka baq yiraahdo, xaqana u sheego.

Heerka seddexaad haddii uu labadaa midkood kari waayo, waxaa waajib ku ah in uu qalbiga ka kahdo, meesha munkarka lagu hayo ka dheeraado isagoo ka xun sharcigaa lagu tumanayo oo aanu waxba ka qaban karayn, waxaana lagu tilmaamay in heerka dambe yahay ka ugu daciifsan ee liita.

Haddaba, qofka Muslimka ah, waa in uu ogaado in arrin kastoo khilaafsan sharciga Alia oo hortiisa ama gurigiisa ama dukaankiisa lagu falo in waajib ka saaran yahay in uu xumaantaa joojiyo, hadba, sidii u suuragal ah, maxaa yeelay, haddii uu oggolaado xumaantaa hortiisa lagu sameeyey oo sharciga Islaamka lagu xad-gudbay waxay dhibaato soo gaarsiin doontaa bulshada, waxaana laga yaabaa in dhibaatada ama macsiyadaa uu raalli ka noqday gurigiisa ugu soo gasho, sababtoo ah bulshadu wey isku wada xiran tahay. Haddaba, Muslimka runta ah waa kaa diyaarka u ah la jihaadidda xumaanta iyo qaska ama macsiyada dhammaanteedba, macsiyadu waa ku xad—gudbidda waxyaalaha sharcigu Islaamka reebay, wax aallaale wixii sharcigu reebayna waa wax lagu daryeelaayo danaha bulshada, ha noqoto xagga nabadgelyada, xasilloonaanta, iskaashiga iwm. Waxaase laga doonayaa ruuxaa reebaya xumaha ee ka hor tagaya ku xadgudubka sharciga inuu yahay qof aqoon u leh sharcigii, si uusan u inkirin una reeban arrin bannaan, ama u qirin arrin reebban. waxaa sidoo kale la doonayaa in waxaa uu reebayo ayan ka dhalaneyn dhibaatooyin iyadii ka badan.

Faa’idada Xadiiska

  1. Qofka Muslimka ah, waxaa waajib ku ah in uu macsiyada iyo dulmiga baabi’iyo, hadba inta awooddiisu tahay;
  2. Qofkii awoodi kari waaya waajibka wax ka qabashada xummaanta waa in uu qalbiga ka inkiro;
  3. Haddii aan xumaanta laga hortegin dhibaatadu waxay soo gaaraysaa bulshda inteeda kale.

Xadiiska 35aad: IS-XAQ-DHOWRIDDA XUBNAHA BULSHADA

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم ” لَا تَحَاسَدُوا، وَلَا تَنَاجَشُوا، وَلَا تَبَاغَضُوا، وَلَا تَدَابَرُوا، وَلَا يَبِعْ بَعْضُكُمْ عَلَى بَيْعِ بَعْضٍ، وَكُونُوا عِبَادَ اللَّهِ إخْوَانًا، الْمُسْلِمُ أَخُو الْمُسْلِمِ، لَا يَظْلِمُهُ، وَلَا يَخْذُلُهُ، وَلَا يَكْذِبُهُ، وَلَا يَحْقِرُهُ، التَّقْوَى هَاهُنَا، وَيُشِيرُ إلَى صَدْرِهِ ثَلَاثَ مَرَّاتٍ، بِحَسْبِ امْرِئٍ مِنْ الشَّرِّ أَنْ يَحْقِرَ أَخَاهُ الْمُسْلِمَ، كُلُّ الْمُسْلِمِ عَلَى الْمُسْلِمِ حَرَامٌ: دَمُهُ وَمَالُهُ وَعِرْضُهُ” .

[رَوَاهُ مُسْلِمٌ].

Waxaa laga weriyey Abuu Hureyra (Allaha ka raalli noqdee), in uu Rasuulkii Ilaahay yiri:

Ha is-xaasidina, ha isku fallisina badeecadda idinkoo uga dan leh in qof kale lagu qaaliyeeyo sicirka, ama hoos looga dhigo qiimaha, ha isu caroonina, ha isu dhabar jeedinina, badeecad qof baayacayo ha ka hor baayicina. Noqda addoomo Ilaahay oo walaalo ah, Muslimkuna qofka Muslimka ah ma dulmo, ma hoojiyo, ma heeniyo, ma quursado. Taqwadu waa halkaan isagoo gacanta saaray (SCW) laabtiisa saddex jeer. Waxaa shar ugu filan qofka in uu quursado ama yaso walaalkiisa Muslimka ah, qof kasta oo Muslim ah, waxaa ka xaaraan ah dhiigga Muslimka xoolihiisa iyo sharafkiisa.

Waxaa weriyey Muslim

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa ka hortegidda waxyaalaha dadka kala geeya ee isku dira, waxaanu xaaraantinimeeyey sagaal (9) arrimood oo ka mid ah waxyaalaha dadku isku naco ee kala fogeeya:

  1. Waa xaasidnimada oo ah inaad kahato ama ka xumaato waxa qofka kale u kordha oo kheyr ah, waana dabeecad aad u xun, maxaa yeelay, qofkii isagoon waxba la yeelin, waxba laga dhimin xaqiisii, ayuu ka xun yahay kheyr Rabbi qof kale ku galladaystay, marka xaasidnimadu waa cudur aad u kala fogeeya dadka;
  2. Arrinka labaad waa fallisaad badeecad iyadoo qof loogu daneynayo in qiimaha looga kordhiyo ama looga yareeyo, tusaale ahan, wuxuu ku kordhinayaa alaab la naadinayo qiimaha isagoon iibsanayn ee doonaya in qiimuhu u kordho qofka alaabta iska leh;
  3. Waa carada, lyaduna waa waxyaalaha dadka isku dira,maxaa yeelay, laba qof oo isu careysan waxba wada qabsan maayaan marka waa in carada laga xoroobo, haddii la caroodana waa in laga soo noqdo oo aan qalbiga lagu haysan;
  4. Waa inaan dhabarka leysu duwin oo aan la kala jeesan, marka laba qof oocaloosha wax isugu haya iska hor—yimaadaan, isma arki karaan, wejiganan isma siin karaan, markaasay kala jeestaan, haddey iska hor—yimaadaan, marka laba qof oo aan is—arki karayn siday wax u wada qabsan karaan?

Xadiis kale, wuxuu Nebiga (s.c.w.) ku sheegay inaanay bannaaneyn in laba qof oo Muslim ah saddex maalmood wax ka badan dudmo ku kala maqnaadaan, waxaana kheyr roon labadooda midka salaanta ku hor billaaba kan kale.

Sida runta ah kaasaa geesisan oo ka dadnimo roon, maxaa yeelay, waa nin naftiisa uur—xumadu ka buuxday ka adkaaday oo ka gudbay derbigii sharka ahaa ee sheydaanku ku kala ooday labada qof ee walaalaha ah.

Inaan qaarkiin qaarka kale ka kor iibsan badeecadda. Tusaale ahaan, wuxuu u imaanayaa laba qof oo wax kala iibsanaya, markaasuu mid u il—jibinayaa ama hoos kala hadlayaa, isagoo le, anigaa intaa ka badan kaaga iibsanaya, ama anigaa intaa in ka jaban kugu siinaaya iwm;
Arrinka lixaad waa dulmiga, umana bannaana qof muslim ah in uu kula kaco gardarro iyo dulmi walaalkii;
Muslimku ma hoojiyo walaalki markuu arko isagoo ciriiri ku jira waa in uu gacan ku siiyo siduu uga bixi lahaa, ma aha in uu ku ceebeeyo ama ku wiirsado. Marka hadduu la kulmo qof Muslim ah oo cadow gacanta ugu jira waa in uu ka furto, haddii awooddiisu gaarsiiso nooc kastaba ha noqdee cadowgaas; Cadow gaal ah, cadow gaaja ah, cadow jirro ah, cadow jahli ah, cadow deyn ah iwm.
Arrinka siddeedaad waa inaanu beeneyn. Qofka muslimka ah uma bannaana in uu ku dhaho qofka kale been baad sheegeysaa ama beenaale ayaad tahay, maxaa yeelay, qofka aad sidaa ula hadashid waa coloobeysaan, taasina waa wax islaamku la dagaallamayo marka ma bannaana ficil dadka muslimiinta ah cadaawo dhex dhigaya;
Arrinka sagaalaad waa is-quursiga ama is- yasidda. Qofna uma bannaana in uu walaalkii quursado, maxaa yeelay, qofkaad quursatid waa qof aad iska sarreysiisid, waxaana laga yaabaa inaad ka xoolo roon tahay ama aad ka aqoon badan tahay, laakiin, ogow llaahii ku siiyey adiga waxaan walaalkaa haysan,. waa yeeli karaa in uu isku kiin beddelo, ama wax ka khayr roon waxa aad ku faaneyso in isagana la siiyo. Marka is—quursigu waa jirrooyinka ugu daran ee dadka isku dira, sababtoo ah haddii qofku dareemo inaad iska sarreysiinayso, wuxuu kuu qaadayaa cadawnimo, waxaanu ku dadaalayaa siduu kuu boqno goyn lahaa. Waxaa lagu caddeeyey xadiiskan haddii qofku aanu dembi kale lahayn oon quursiga dadka ahayn waa ugu filan yahay ciqaab.

Wuxuu Nebiga (s.c.w.), amray in ay dadku noqdaan addoomo Ilaahay oo walaalo ah. Wuxuu Nebigu tilmaamay in arrimaha laga xaaraantinimeeyey muslimka ay qalbiga madoobeeyaan marka waa in qalbiga laga saafi yeelo arrimahaas foosha xun.

Wuxuu yiri Nebiga (s.c.w.), Taqwado waa halkaan, isagoo saddex jeer farta ku fiiqay laabtiisa, marka saldhigga laga dhowrayo fulinta sharciga waa qalbiga, horayna waxaa innagu soo maray in haddii qalbigu hagaago jirka intiisa kalena hagaageyso.

Ugu dambeystii waxaa laga xaaraantinimeeyey qof kasta oo muslim ah in uu daadiyo dhiig muslim ama dhaco xoolo muslim ama ku xad—gudbo sharafta qofka muslimka ah iyo xiladiisa.

Faa’idada Xadiiska

  1. Wuxuu reebay wax allaale wixii kala geynaya ama isku diraya xubnaha bulshada;
  2. Wuxuu reebay in laysku falliso badeecadda, iyadoo loogu danaynayo qof kale;
  3. Waxaa la xaaraantinimeeyey kala jeedsiga iyo isu dhabar jeedinta;
  4. Waxaa la reebay in badeecadda la iska hor iibsado;
  5. Waxaa la reebay dulmiga dhammaantiis;
  6. Waxaa ta reebay is—hoojinta marka qofku ciriiriga ku jiro;
  7. Ma bannaan in lagu yiraahdo qof muslim ah been baad sheegtay;
  8. Waxaa la reebay carada;
  9. Waxaa la reebay is—quurisga;
  10. Waxaa la xaaraantinimeeyey daadinta dhiigga qofka muslimka ama ku xad gudubka xoolihiisa, iyo xiladiisa;
  11. Wuxuu amray nebigu (SCW) muslimiinta in walaalo isu noqdaan oo leys xaq dhowro.
  12. Sida Islaamka ugu dadaalaayo daryelidda iyo iskaashiga bulshada.

Xadiiska 36aad: BADBAADINTA BULSHADA

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ عَنْ النَّبِيِّ ﷺ قَالَ: ”مَنْ نَفَّسَ عَنْ مُؤْمِنٍ كُرْبَةً مِنْ كُرَبِ الدُّنْيَا نَفَّسَ اللَّهُ عَنْهُ كُرْبَةً مِنْ كُرَبِ يَوْمِ الْقِيَامَةِ، وَمَنْ يَسَّرَ عَلَى مُعْسِرٍ، يَسَّرَ اللَّهُ عَلَيْهِ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ، وَمَنْ سَتَرَ مُسْلِما سَتَرَهُ اللهُ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ ، وَاَللَّهُ فِي عَوْنِ الْعَبْدِ مَا كَانَ الْعَبْدُ فِي عَوْنِ أَخِيهِ، وَمَنْ سَلَكَ طَرِيقًا يَلْتَمِسُ فِيهِ عِلْمًا سَهَّلَ اللَّهُ لَهُ بِهِ طَرِيقًا إلَى الْجَنَّةِ، وَمَا اجْتَمَعَ قَوْمٌ فِي بَيْتٍ مِنْ بُيُوتِ اللَّهِ يَتْلُونَ كِتَابَ اللَّهِ، وَيَتَدَارَسُونَهُ فِيمَا بَيْنَهُمْ؛ إلَّا نَزَلَتْ عَلَيْهِمْ السَّكِينَةُ، وَغَشِيَتْهُمْ الرَّحْمَةُ، وَ حَفَّتهُمُ المَلاَئِكَة، وَذَكَرَهُمْ اللَّهُ فِيمَنْ عِنْدَهُ، وَمَنْ أَبَطْأَ بِهِ عَمَلُهُ لَمْ يُسْرِعْ بِهِ نَسَبُهُ.“

[رَوَاهُ مُسْلِمٌ] بهذا اللفظ.

Waxaa laga weriyey Abuu Hureyra (Allaha ka raalli noqdee), in uu Nebiga ﷺ yiri:

Qofkii ka feyda qof mu’min ah kurbo ka mid ah kurbadaha dunida, isagana Alla (SW) baa ka feyda kurbo ka mid ah kuwa qiyaamaha, qofkii u xoolo gooya qof sabool ah, isagana Ilaahay baa u xoolo gooya ifka iyo aakhiraba, qofkii u xil qariya qof Muslim ah, isagana Ilaahay baa ceebihiisa astura if iyo aakhiraba, qofkii jid mara isagoo cilmi doonaya Ilaahay baa u fududeeya jidka Jannada loo maro, Ilaahay wuu u gargaaraa addoomadiisa inta qofku u gargaaray walaalahiisa, Haddii ay jamaaca ku kulanto guri ka mid ah guryaha Ilaahay iyagoo akhrisanaya Qur’aanka oo is—baraya, waxaa ku soo degeysa xasilloonaan, waxaa dabooleysa naxariis Ilaahay, malaa’iktuna way la safanaysaa, Ilaahayna wuxuu ku xusayaa kahlqiga agtiisa jooga. Oofkii camalkiisu reebo nasabkiisu meel marin maayo.

Waxaa soo weriyey xadiiskaa Muslim

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu ku dhow yahay kii aynu soo dhaafnay, sababtoo ah labaduba waxay ka hadlayaan daryeelka bulshada Islaamka ah, kii hore wuxuu ku saabsanaa ka hortegidda waxyaalaha xubnaha bulshada kala geynaya, kanna wuxuu ku saabsan yahay marka xubin ka mid ah bulshada dhibaato qabsato sidii wax loola qaban lahaa.

Wuxuu soo qaatay xadiiskan saddex xaalo haddii ay qof qabsadaan in uu u baahan yahay in la caawiyo:

  1. Waa dhibaato kurbo iyo laxaw ku abuurtay qofka muslimka ah, wax kastaba ha noqotee dhibaatadaasi, sida jirrooyinka iyo arrimaha uu u tabar waayay, xagga qoyska, shaqada iwm, marka Ilaahay wuxuu u ballanqaaday qofka dhibaatadaa ka saara qof muslim ah, in isagana Ilaahay ka saari doono dhibaatooyinka kulul maalinta qiyaamaha. Haddaba, qofkii isagoo cudur qaad—qaadayo irbad lagu duro ee ku bogsada, kurbaa laga feyday, waxaana iska leh abaalkaas dhakhtarkii cudurka gartay, kii daawada sameeyey iyo kii bixiyey kharajka lagu sameeyey, sidoo kale qofkii hanuuniya qof baadi ah ee ku toosiya jidka xaqa ah;
  2. Xaaladda labaad waa qofka ay dhibaato ka haysato xagga dhaqaalaha ee saboolka ah, waxaa Ilaahay u ballan qaaday qofkii ciriiriga ka saara in isagana Ilaahay ka saari doono ciriiriga ifka iyo mid aakhiraba, waxaana jira inaan ciriiriga ka bixinta aan loola jeedin oo keli ah in qofka baahan la quudiyo, waxa looga jeedaa in laga kaalmeeyo siduu ciriiriga uga bixi lahaa oo uu lugihiisa isugu taagi lahaa. Tusaale ahaan, waxaa la bari karaa xirfad ama cilmi uu ku shaqaysto, waxaa loo samayn karaa mashruuc uu ka shaqeeyo iwm;
  3. Xaaladda saddexaad waa qofka Muslimka ah ee aad ku aragtid ceebo uu leeyahay oo aanu jecleyn in lagu ogaado marka qofkii ceeb Muslim ogaaday ee qariyay, waxaa Ilaahay u ballanqaaday in isagana loo qarin doono ceebihiisa if iyo aakhiraba, laakiin, ceebaha la qarinaayo kuma jiraan kuwa xuquuqda dadka kale ku dayacmeyso, matalan qofkii ku xadgudbaya xoolo ama sharaf dad kale inaad qariso ma aha, gaar ahaan, haddii marag laguu qabsado, waxaana caddaynaya aayado iyo axaadiis kale inaan waxyaalaha ceynkaas ah qofka loogu ceeb qarinaynin.

Haddaba, wuxuu xadiiskani ku hanuuniyey Muslimka hubka uu kaga bixi karo dhibaatooyinka dhammaantood, hubkaas oo ah cilmiga, waxaanu ugu baaqay qofkii cilmiga barashadiisa isku shuqliya in lllahay u fududeynaayo jidka Jannada loo marayo, marka faa’iidada cilmigu kuma koobna dunida aynu ku nool nahay iyo danaha aan ku gaareyno maantadan la joogo ee aakhirana waxaad heleysaa Jannadii Ilaahay.

Cilmigu sida ka muuqata xadiiskan kuma koobna cilmiga diiniga ah oo keliya, bal waxaa soo geli cilmi kasta oo wax tar leh sharcigii ilaahayna aan khilaafsaneyn ee qofka iyo bulshada kurbada lagaga saari karo ama gaajada lagaga bixin karo ama cadowga lagaga badbaadin karo ama wax kheyr ah Muslimiinta loogu faa’iideyn karo.

Haddana wuxuu xadiisku sheegay abaalgud weyn in la siin doono qofka walaalkii mar kastaba caawiya, kaasoo ah in gargaarka Ilaahay la jiri doono muddada uu gargaarka walaalkii wado, ugu dambeyn wuxuu xadiisku sheegay abaal—gudka ay leeyihiin dadka meel ku wada kulma iyagoo akhrisanaya oo baranaya kitaabka Ilaahay, waxa loogu abaal-gudayaa xasilloonaan iyo naxariis Alla oo lagu soo dejinayo, Malaa’iktuna hareerahooday fariisanayaan, Ilaahayna ku ammaani doono Malaa’ikta agtiisa ku sugan.

Wuxuu ku khatimay xadiisku aasaaska dadka lagu kala sooco marka la abaal—marinaayo oo ah qof kasta imaanka iyo camalka suubban uu la yimaado, oo lagu dari maayo xisaabta nasabkiisa, qabiilkiisa iyo xoolahiisa, sababtoo ah, Ilaahay dadka uma kala dhowa mana kala xigaan dhammaantood waa addoomadiisa, waxaana lagu kala bixinayaa abaalgudkooda qof kasta wuxuCi kheyr shaqaystay iyo siduu Alla uga baqay sharcigiisana ugu hoggaansamay. Qofkii camal xun la yimid waxba nasabkiisu u tari maayo.

Faa’idada Xadiiska

  1. Abaalgudka uu leeyahay qofkii muslim dhibaato ka saara;
  2. Ceebaha dadka in la asturo;
  3. Faa’iidada waxbarashada;
  4. Faa’iidada kulanka lagu baranaayo kitaabka Ilaahay;
  5. Qiimaha dadka lagu abaalmarinaayo waa camalkiisa, qabiilkiisa qof la weydiin maayo;
  6. Abaalgudka loo ballan qaaday qofkii qof Muslim ah dhibaatooyinka ka saara.

Xadiiska 37aad: DEEQSINIMADA ILAAHAY

عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا عَنْ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ فِيمَا يَرْوِيهِ عَنْ رَبِّهِ تَبَارَكَ وَتَعَالَى، قَالَ: “إنَّ اللَّهَ كَتَبَ الْحَسَنَاتِ وَالسَّيِّئَاتِ، ثُمَّ بَيَّنَ ذَلِكَ، فَمَنْ هَمَّ بِحَسَنَةٍ فَلَمْ يَعْمَلْهَا كَتَبَهَا اللَّهُ عِنْدَهُ حَسَنَةً كَامِلَةً، وَإِنْ هَمَّ بِهَا فَعَمِلَهَا كَتَبَهَا اللَّهُ عِنْدَهُ عَشْرَ حَسَنَاتٍ إلَى سَبْعِمِائَةِ ضِعْفٍ إلَى أَضْعَافٍ كَثِيرَةٍ، وَإِنْ هَمَّ بِسَيِّئَةٍ فَلَمْ يَعْمَلْهَا كَتَبَهَا اللَّهُ عِنْدَهُ حَسَنَةً كَامِلَةً، وَإِنْ هَمَّ بِهَا فَعَمِلَهَا كَتَبَهَا اللَّهُ سَيِّئَةً وَاحِدَةً”.

[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ]، [وَمُسْلِمٌ]، في “صحيحيهما” بهذه الحروف.

Waxaa laga weriyey ibn Cabbaas (Allaha ka raalli noqdee), in uu ka weriyey Rasuulkii Ilaahay ﷺ in uu yiri: Wuxuu Ilaahay yiri:

“Ilaahay baa qoray samaanta iyo xumaantaba, kaddibna wuu kala caddeeyey, marka qofkii isku daya in uu samaan falo oo aan falin, waxaa loo qorayaa Ilaahay agtiisa samaan dhan. Qofkii isku daya in uu samaan falo ee fala, waxaa looga qorayaa Ilaahay agtiisa 1( xasano ilaa 700 jibbaar iyo wax ka sii badan Qofkii isku daya in uu xumaan sameeyo ee aan falin, waxaa looga qorayaa Ilaahay agtiisa wanaag dhan, hadduu isku dayo oc uu falo waxaa loo qorayaa xumaan keli ah.”

Waxaa weriyey Bukhaari iyo Muslim.

Bal fiiri walaalow -laahay xaqa ha ina waafajiyee- naxariistiisa weynaanteeda, u fiirso erayadaas (agtiisa) waa tilmaan sida Ilaahay u daryeelayc dadkiisa, ereyga (dhan) waa adkeyn; iyo daryeelid xoog leh. Wuxuu yiri, xumaanta qofkii isku dayaee ka joogsada waxaa loo qorayaa xasano dhan, waxaa lagu adkeeyey ereyga dhan, haddii uu falo xumaantii waxaa loo qoray (hal) xumaan ookeli ah, waxaa lagu adkeeyey yaraanteeda hal ee laguma adkeyn (dhan)( sida xasanada. Ilaahay baa mahad ieh, ceebna ka fog, mana koobi karno ammaantiisa.

Sharaxa Xadiiska

Waxaa jira in Ilaahay ku abuuray dunida xumaan iyo samaanba, isla markaana kala caddeeyey mid kasta jidka loo maro, dadkana awood u siiyey in ay kala doortaan labadaa jid qofba kuu rabo, haddana, loo caddeeyey qof kasta jidka uu maro abaalgudkiisa oo ah jidka xun in Naar lagu abaalmarinaayo, kan toosanna Janno lagu mutaysanayo,marka xadiiskani arrintaas si fiican ayuu inoogu caddeeyey.

Wuxuu caddeeye/siduu Ilaahay addoomihiisa ugu roon yahay, wixii wanaag ah waa toban jibbaar ama in ka badan, wixii xumaan ah ee inta leysku dayo laga joogsado waxaa loogu abaal-guday wanaag, iyadoo ka joogsiga xumaanta lagu geesinnimo gelinayo, loona fududeynaayo in uu jidka wanaagsan raaco. Xumaantii uu sameeyeyna waxaa loogu abaalmariyey hal ciqaab oo keliya oo lama laba laabin sidii wanaagga loo boqollaal jibbaaray.

Marka qofka garaadlaha ah ee dhiifoon waa in uu ka faa’iideysto nicmada Ilaahay inoogu roonaaday intaan waqtigu dhaafin oo uu la yimaado camal fiican oo fara badan si loogu boqollaal jibbaaro.

Faa’idada Xadiiska

  1. Isku dayga wanaagga waxaa lagu helayaa ajar;
  2. Camalka wanaagsan waa kan waxtara, waana kan la boqollaal jibbaarayo;
  3. Ka joogsiga dembiga lagu fekeray ee aan la falin, waxaa lagu helaayaa ajar;
  4. Deeqda Ilaahay oo aan xad lahayn;
  5. In lagaga daydo Ilaahay sida dadka loogu abaalgudo, oo qofkii wanaag fala uu helo abaalgud wanaagsan, qofkii xumaan ku kacana lagu abaalmariyo in xumaantiisa wax ku eg, oon lagu xad— gudbin, haddii aan layska cafinba, si loogu geesinimo geliyo in uu ka noqdo jidka qalloocan oo uu ku soo darsamo dadka toosan.

Xadiiska 38aad: QOFKA COLAADIYA MU’MINIINTA JIDKA ILAAHAY KU TOOSAN

عَنْ أَبِي هُرَيْرَة رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُول اللَّهِ ﷺ إنَّ اللَّهَ تَعَالَى قَالَ: “مَنْ عَادَى لِي وَلِيًّا فَقْد آذَنْتهُ بِالْحَرْبِ، وَمَا تَقَرَّبَ إلَيَّ عَبْدِي بِشَيْءٍ أَحَبَّ إلَيَّ مِمَّا افْتَرَضْتُهُ عَلَيْهِ، وَلَا يَزَالُ عَبْدِي يَتَقَرَّبُ إلَيَّ بِالنَّوَافِلِ حَتَّى أُحِبَّهُ، فَإِذَا أَحْبَبْتُهُ كُنْت سَمْعَهُ الَّذِي يَسْمَعُ بِهِ، وَبَصَرَهُ الَّذِي يُبْصِرُ بِهِ، وَيَدَهُ الَّتِي يَبْطِشُ بِهَا، وَرِجْلَهُ الَّتِي يَمْشِي بِهَا، وَلَئِنْ سَأَلَنِي لَأُعْطِيَنَّهُ، وَلَئِنْ اسْتَعَاذَنِي لَأُعِيذَنَّهُ”.

[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ].

Waxaa laga weriyey Abuu Hureyra (Allaha ka raalli noqdee), in uu yiri Rasuulkii Ilaahay ﷺ wuxuu yiri:

Ilaahay baa yiri qofkii colaadiya qof mu’min ah ee ii hoggaansan ha u darbado dagaal. Waxa addoonkeygu uu iigu soo dhowaado, waxaan ugu jecelahay wixii aan ku waajib yeelay, waliba addonka fiican waa kii ku dadaala waajibka dabadi la imaanshaha sunnada, marka sifaada laga helo addoonkeyga wuxuu muteysan inaan dhab u sii jeclaado, haddii aan jeclaadona waxaan u noqonayaa dhegaha uu wax ku maqlo, indhaha uu wax ku arko, gacanta uu wax ku qabsado iyo lugaha uu ku socdo, haddii uu wax i warsado waan siinayaa, haddii uu i magan-galona waan magen-gelinayaa.

Waxaa weriyey Bukhaari

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa dhowr arrimood oo kala ah: Sida Ilaahay ugu hiilinaayo Awliyadiisa, waxyaalaha Ilaahay loogu dhowaanayo, iyo kuwa uu kugu jeclaanayo, qofka guta waajibka iyo sunnada sida Ilaahay ugu gargaarayo.
Wuxuu xadiisku caddeeyey qofkii colaadiya qof Ilaahay weli u yahay in Ilaahay la daggallamayo. Marka qofkii u bareera dagaalka Ilaahay isagaa yaqaanna siduu isaga dhicinayo. Dadka Ilaahay weliga u yahay waa mu’miniinta dhabta ah, sida ay caddaysay aayada 258 ee Al—Baqra oo leh: (Ilaahay baa weli u ah dadka isaga rumeeyey), wuxuu kaloo sheegay xadiisku in wax Ilaahay loogu dhowaado uu ugu jecel yahay in la fuliyo wixii uu faray. Weliba addoonka fiican waa kii ugu dhowaada Rabbigiisa camalka sunnada ah, si uu Ilaahay u jeclaado.

Qofkii Ilaahay jeclaado wuxuu u noqonayaa indho, dhego, gacmo iyo lugo. Qofkii Ilaahay sidaa u noqdana dhegahiisa waxaan Ilaahay raalli ka ahayn ku maqli maayo, indhihiisuna ku dhici maayaan waxaan khayr ahayn, gacantiisana ku fidin maayo waxaan wanaag ahayn, lugihiisana ugu tallaabsan maayo meel aan khayr ku jriin, macnaha laxaadkiisa waxaan camal khayr ahayn ku qaban maayo, kaasoo ah wax isaga ama muslimiinta kale wax u taraya oo dheef u soo jiidaya ama dhib ka saaraya ama camal kale oo wax u taraya.

Qofkii xaalkiisu sidaa noqdo wuxuu Ilaahay ka baryo wuu helayaa haddii Ilaahay magan galo, waxa kasto oo jira oo xumaan ah waa ka magan- gelinayaa, qofkii Ilaahay magan—geliyana wuxuu ku jiraa guri ammaan ah, cid kale ee uu ka baqayana ma jirto.

Marka wax xumaan ah ama dhibaato ah la kulmi maayo qofkii ku guuleysta imtixaanka adag ee ah in la fuliyo faradka Ilaahay iyo sunnayaasha.

Faa’idada Xadiiska

  1. Qofka mu’minka colaadiya ciqaabta uu mudanayo;
  2. Waxa Ilaahay loogu dhowaado waxaa uu fadli badan hirgelinta sharciga Islaamka iyo ku dhaqankiisa;
  3. Qofkii waajibaadka guta, sunnadana ku dara sida Ilaahay ugu gargaarayo, ducadiisana loo aqbalayo;

Xadiiska 39aad: XAALADAHA AAN QOFKA LOO QABSANAYN DEMBIGA UU FALO

عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم قَالَ: “إنَّ اللَّهَ تَجَاوَزَ لِي عَنْ أُمَّتِي الْخَطَأَ وَالنِّسْيَانَ وَمَا اسْتُكْرِهُوا عَلَيْهِ” .

حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَاهُ ابْنُ مَاجَهْ [رقم:٢٠٤٥]، وَالْبَيْهَقِيّ “السنن٧

Waxaa laga weriyey Ibn Cabbaas (Allah ka raalli noqdee), in uu yiri Rasuulkii Ilaahay ﷺ:

“Ilaahay wuu ka dhaafay ummaddiisa gafafka aan ula kaca loo falin, hilmaanka iyo waxa lagu qasbay.”

Waa xadiis Xasan ah, waxaa weriyey Ibnu Maajih al-Beyhaqi iyo kuwo kale.

Sharaxa Xadiiska

Qofka dembiga lagu ciqaabayo waa in uu qaan—gaar yahay oo caqligiisa qabo, oo uu kas iyo maag u falo dembiga ama waajib uu ka tago. Haddiise saddex arrimood midkood ku dhacdo loo qaban maayo dembigii.seddexdaa arrimood oo kala ah:

  1. Haddii si aan ula—kac lahayn uu dembiga ku galo;
  2. Haddii isagoo hilmaansan ama jaahil ka ah in falkaasi dembi yahay uu dembiga galo;
  3. Haddii lagu qasbo in uu dembiga falo.

Saddexdaa xaalo midna lagu ciqaabi maayo qofka dembiga uu la yimaado amase waa laga cafinayaa.

Marka waxaan ka garan karnaa halkaas in qofka dembiga lagu ciqaabayaa yahay midka uu qofku awood iyo karti u leeyahay kas iyo ogaalna u galo.

Faa’idada Xadiiska

  1. Xaaladaha aan lagu ciqaabeyn qofka dembiga uu galo;
  2. Qofku wuxuu ku qaadayaa mas’uuliyadda waa caqligiisa;
  3. Waxa ka mid ah xaaladaha aan qofka loo ciqaabin dembigiisa waallida, caruurnimada iyo xaalad kasta oo qofka caqligu kaga maqan yahay sababo awooddiisa ka baxsan, haddiise uu caqliga iska suuliyo ikhtiyaarkiisa dembigii kama dhacayo.

Xadiiska 40aad: INAAN LAYSKU HILMAAMIN DUNIDA

عَنْ ابْن عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ: أَخَذَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ بِمَنْكِبِي، وَقَالَ: “كُنْ فِي الدُّنْيَا كَأَنَّك غَرِيبٌ أَوْ عَابِرُ سَبِيلٍ”. وَكَانَ ابْنُ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا يَقُولُ: إذَا أَمْسَيْتَ فَلَا تَنْتَظِرْ الصَّبَاحَ، وَإِذَا أَصْبَحْتَ فَلَا تَنْتَظِرْ الْمَسَاءَ، وَخُذْ مِنْ صِحَّتِك لِمَرَضِك، وَمِنْ حَيَاتِك لِمَوْتِك.

[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ].

Waxaa iaga weriyey ibn Cumar (Alla ha ka raalli noqdee), in uu yiri:
Rasuulkii Ilaahay ﷺ ayaa garabka iga qabtay oo yiri:

“Ku ahow dunida sidii nin marti ah ama socoto ah,” ibn Cumar (isaga iyo aabbihaba ilaahay ha ka wada raalli noqdee), wuxuu oran jirey haddii aad galbaysato ha sugin waaberiga, haddii aad waabariisatona ha sugin galabnimada, intaad fayowdahay u sahay—qaado cudurka, intaad nooshahay wax u hormarso dhimashada.

Waxaa weriyey Bukhaari

Sharaxa Xadiiska

Waxaa jira in qof kasta oo ku nooi dunida og yahay in uu ka tegi doono, iaakiin, qofna ma oga waqtiga uu ka tegayo, waxaa kaloo jira in qofka muslimka ah og yahay in dunidu tahay beerta aakhiro, qofkuna goosan doono wuxuu beertaa ku abuurtay.

Xadiiskani wuxuu innagu baraarujinayaa inaan maalinta aan joogno wixii aan qabsan karno aan fulinno oo aynaan dib u dhigin, sababtoo ah ma hubtid inaad berri gaari doonto. Marka qofkii lagu yiraahdo berri shaqo laguuma hayo ee maanta waxaad shaqaysato ayaad berri ku noolaanaysaa, waxaa hubaal ah in uu shaqada laban laabi lahaa.

Sidaa awgweed waa inaan waqti iska lumin ee ilbiriqsi kasta ka faa’iideysanno waqtigeenna qaaliga ah, kuna tebinno falal wax inoo tara if iyo aakhiraba. Waxaannu innooga digay inaan dib u dhigno ficil aan maanta fulin karno.

Tusaale ahaan, intaad is-tiraahdo berri ayaad towbad keeni doontaa, berri ayaad salaad billaabi doontaa, berri ayaad wax sadaqaysan doontaa, berri ayaad aasaasi doontaa masaajid, dugsi, warshad ama wax kale oo bulshada wax u taraya. Marka wuxuu xadiisku ina farayaa haddii aad subax joogtid lama hubo inaad galabta gaareysid, haddaad galab joogtid lama hubo inaad waabariisanayso, marka ficilka kheyrka ah ee maanta aad qaban karto dib ha u dhigin.

Xadiis kale wuxuu sheegayaa inaan qofku seexannin ilaa dardaarankiisu barkinta ugu hoos jiro, sababtoo ah haddii aadan sidaa yeelin oo tii Alle kuu timaado lama garan karo xaqa laguugu leeyahay iyo kan kaa maqan midna. Xadiis kale wuxuu ahaa haddii adigoo tallaalaya geedwax tar leh saacaddu kacdo oo aad ka gaarsiin karto tallaalka geedkaas tallaal, maxaa yeelay, ficilkaa aad gacanta ku hayso laftiisa ayaa lagaa ajar siinayaa.

Cabdullaahi Ibnu Cumar, wuxuu dadka ku waanin jirey in ay camal fashaan intay fayow yihiin iyo in ay wax wanaagsan u hormarsadaan aakhiro intay nolosha ifka ku raaxaysanayaan.

Faa’idada Xadiiska

  1. Inaan leysku halleyn adduunyada;
  2. In fayoobida looga faa’iideysto jirrada;
  3. In aakhiro loo hormarsado wax ku anfaca;
  4. In lagu degdego towbada oo aan dib loo dhigin;
  5. In saacad kasta loo diyaar—garoobo dhimashada;
  6. Inaan waqtiga hal ilbiriqsi leyska dhumin oo looga faa’iideysto in la qabsado wax ku anfacaya if iyo aakhiraba.

Xadiiska 41aad: HAWADA MU’MINKA

عَنْ أَبِي مُحَمَّدٍ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرِو بْنِ الْعَاصِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ “لَا يُؤْمِنُ أَحَدُكُمْ حَتَّى يَكُونَ هَوَاهُ تَبَعًا لِمَا جِئْتُ بِهِ”.

حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ، رَوَيْنَاهُ فِي كِتَابِ “الْحُجَّةِ” بِإِسْنَادٍ صَحِيحٍ.

Waxaa laga weriyey abuu Muxammad Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (Alla haka raalli noqdee), Rasuulkii Ilaahay ﷺ wuxuu yiri:

“Qofkiin ma rumeeyo (Diinta), ilaa hawadiisu raacdo wixii aan la imid.”

Waa xadiis Xasan ah, saxiix ah, waxaa lagu weriyey Kitaabka Xujada.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu aasaas u yahay ku dhaqanka Islaamka runta ah. Qof kasta wuu iska sheegan karaa Islaamnimada, laakiin, waxaa lagu kala soocayaa marka la yirahdo ha lagu dhaqmo. Muslimka runta ah, wuxuu jecel yahay uu ku farxayaa in uu raaco wuxuu Nebiga la yimid oo ah Qur’aanka iyo Xadiiska, marka qofkii aan qalbiga u furin ee aan ku kalsoonaan, kuna dhaqmin sharciga Islaamka barasho dabadeed ma aha muslim quman oo dhab ah.

Haddaba, naftaada la xisaabtan in hawadu raacsan tahay wixii Nebigu (s.c.w.) la yimid iyo in kale, waxaana jira astaan aad isku garan karto oo ah marka adigoo ku kacaya ficil, ha ahaado mid xun ama mid aad ula niyeysato cibaado ee lagu yiraahdo arrinkan sidaa ah Nebigu wuu reebay ama sidaa uguma dhaqmi jirin, maxaad iska dareemaysaa?

Haddii hawadaadu raacsan tahay wuxuu Nebiga la yimid, halkaasaad ku joogsanaysaa markaasaad hubsanaysaa wuxuu Nebigu faray ama Qur’aanka faray, haddiise aad tahay qof hawadiisa raacay waad dafiraysaa markaasaad sanka taageysaa oo aad la diriraysaa qofkii kugu baraarujin lahaa jidkii Rasuulka ama waxaad ku hadlaysaa erayo aan ku habboonayn halkii aad xaqa ka baari lahaydna waad sii baadiyoobaysaa oo aad xaqa uga sii fogaanaysaa.

Haddaba, ogow haddaad doonaysid inaad noqotid Muslim quman, isku day inaad ficilkaaga ku miisaantid wixii Nebi Muxammad (s.c.w.) la yimid Ilaahay ha innagu toosiyo tubtii Rasuulka iyo tii Khulafadii hanuunsanayd.

Faa’idada Xadiiska

  1. Qofka Muslimka ah waa in uu waafajiyo camalkiisa wixii Nebiga la yimid;
  2. Waa in lagu dadaalo in la raaco Nabiga ficilkiisa iyo habka uu u dhaqmi jirey;
  3. Ka jeedsiga iyo nicidda raacidda Nebiga waa gaalnimo;
  4. Muslimka xaqa ah, waa kan ku dayda Nebigiisa iyo asaxaabtiisa, waa kaa midka keli ah ee lagu hubo nabadgelyo iyo qumanaan in Jannada lagu gelaayo.

Xadiiska 42aad: KHATARTA SHIRKIGA

عَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: قَالَ اللَّهُ تَعَالَى: “يَا ابْنَ آدَمَ! إِنَّكَ مَا دَعَوْتنِي وَرَجَوْتنِي غَفَرْتُ لَك عَلَى مَا كَانَ مِنْك وَلَا أُبَالِي، يَا ابْنَ آدَمَ! لَوْ بَلَغَتْ ذُنُوبُك عَنَانَ السَّمَاءِ ثُمَّ اسْتَغْفَرْتنِي غَفَرْتُ لَك، يَا ابْنَ آدَمَ! إنَّك لَوْ أتَيْتنِي بِقُرَابِ الْأَرْضِ خَطَايَا ثُمَّ لَقِيتنِي لَا تُشْرِكُ بِي شَيْئًا لَأَتَيْتُك بِقُرَابِهَا مَغْفِرَةً” .

رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم:٣٥٤٠]، وَقَالَ: حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ.

Waxaa laga weriyey Anas (Allaha ka raalli noqdee) in uu yiri: Waxaan maqlay Rasuulkii Ilaahay ﷺ oo leh:

Wuxuu yiri Ilaahay: Ina Aadamow intaad ii yeeraysid oo aad iga rajo qabtid waan kuu dhaafayaa wixii dembiyo kaa dhaca, anigoon u dan gelin badnaantooda iyo xumaantooda. Ina Aadamow haddii dembiyadaadu cirka taabtaan, kaddibna aad i weydiisato dembi—dhaaf waan kuu dembi dhaafayaa. Ina Aadamow haddii aad iila timaaddid dhulka muggiis oo dembiyo ah; kuna dhimatid adigoon ii shariikyeelin, cibaadada, hoggaansanka, iyo maqalka cid kale ila wadaajin, waxaan ku siinayaa dhulka muggi oo dembi dhaaf ah.”

Waxaa weriyey at-Tirmidi oo yiri waa Xadiis Xasan oo saxiix ah.

Sharaxa Xadiiska

Xadiiskani wuxuu inoo caddeynayaa khatarta iyo halisnimada shirkiga iyo sida Ilaahay ugu geesi gelinayo dadka in ay ka soo noqdaan gafafkooda ugana towbad keenaan.

Dembiga waxaa loola jeedaa ku xad-gudubka qodob ama qodobbo ka mid ah Sharciga Islaamka. Asalka dembi kastana kama baxsana saddex nooc:

1) Ku xad-gudub wax Ilaahay xaaraantinimeeyey in la falo sida ku xadgudubka xuquuqda dadka, xoolahooda iyo sharafkooda ama ku xadgudubka xuquuqda Ilaahay sida inaad cid wax la wadaajisid isagoo keli ahaan u yeeshay abuurka iyo maamulka kownka, ahna midka qura ee xaq u leh in la raaco, loo hoggaansamo ee wuxuu amray lagu fartoomo, wixii uu reebayna laga reebtoomo.
2) Gudasho la’aanta waajibaadka Ilaahay faray sida salaadda, sekada, soonka, xajka.dhowritaanka xuquuqda waalidiinta.inay dumarka xidhaan maryo oogadooda wada astura oo ay ka xijaabtaan gayaankooda, inay is dhex gelin, isku dhafnaan sida xoolahii, ragga iyo dumarka is gaya ee aan guur xalaal ah ka dhaxeyn iyo arrimaha kale ee Rabbi ama rasuulkiisii ina fareen ee laga heli karo qur’aanka kariimka ama sunnada rasuulka (SCW).
3) U—gudashada waajibaadka si aan sharcigu farin, sida bidcada oo ah in lagu daro sharciga wax aan Ilaahay iyo Rasuulkiisu midna jideyn.
Haddii si kale loo fiiriyo cidda xuquuqda lagu xadgudbayo iska leh, waxaad arkaysaa in ay qaar yihiin xuquuq Ilaahay sida cibaadada, qaama ay aadamigu iska leeyihiin, marka dembiga lagu sheegay Xadiiskan ee Ilaahay dhaafayo marka laga toobad—keeno waa kuwa Ilaahay, laakiin, xuquuqda aadamiga waa in qofku gudo marka uu toobad—keeno.

Xadiisku wuxuu caddeeyey qofkii ku dhinta dembiyo aanu ka toobad—keenin, ha yeeshee markaa u dhimanayey Ilaahay u hoggaansanaa, ku mideynayey maqalka iyo adeecidda, kitaabkuu soo dejiyey iyo nebiguu soo diray dhab u raacsanaa, shirki nooc iyo waji u yeeshaba ka fogaa in Ilaahay qofkaa shirkiga ka marnaa wixii dunuub kale ka dhacay dhaafi doono, ama ka goyn doono.

Halkaana waxaa ka muuqda in qofkii ku dhinta shirki inaan Ilaahay u dhaafayn dembigiisa ee la marin doono ciqaabta uu mudan yahay, laguna waarinayo, maxaa yeelay, wuxuu Nebigu Xadiis kale ku sheegay in dembiga Sadamigu galo shirkigu ugu weyn yahay. Aayad Qur’aan ah oo ku jirta Suuradda an-Nisaa, aayaddeeda 116aad, waxaa lagu sheegay in Ilaahay qofkuu doono u u dembi dhaafi doono, laakiin, ninkii Ilaahay cibaadada oo noocyo iyo wajiyo badan cid kale la wadaajiya aanu u dembi dhaafi doonin. Marka si looga digtoonaado dembigaa qofka gafsiinaya dembi— dhaafka Alla waa in la barto waxa uu yahay si aan loogu dagmin.

Shirkigu asal ahaan waa wadaajin sida loo wadaago caanaha, cuntada iyo xoolaha, shirkigana waxaa loola jeedaa in xaqa Ilaahay gaarka u ah lala wadaajiyo cid khalqigiisa ah.

Waxaa waajib ku ah dadka in ay Alle keligi caabudaan. Tusaale ahaan, haddaad salaadda u tukato in lagugu ammaano ama aad sadaqada u bixisid in lagugu faaniyo, ama wax Haahay laga baryo ood cid kale la barrdid ood tiraahdid Ilaahay iyo Hebelow arsaaq i siiya ama ilmo i siiya ama darajo i siiya i.w.m., marna ma bannaana in Ilaahay cid kale lagu ladho, maxaa yeelay, ma jirto cid kale oo wax la wadaagta.

Nebiguna (s.c.w.), isagoo dadka uga digaya sida shirkigu ugu dhuunto camalka, ayuu yiri shirkigu waa ka dhuuman og yahay Qur’aansho madow oo habeen gudcur ah ku ko socota dhagax sallax ah oo siman,marka Qur’aanshada sidaas ah, shanqarna aan lahayn laga maqli karo, sidaas oo kale ayuu shirkigu ugu dhuuman karaa camalka qofka.

Haddaba taasi waa in ay ku xambaarto qofka muslimka dhabta ah digtoonaan iyo feejignaan, si uu uga badbaadiyo cibaadadiisa in shirki soo galo ama ku dheehmo, marka qof kasta isagaa ka mas’uul ah siduu shirkiga isaga ilaalin lahaa.

Faa’idada Xadiiska

  1. Wuxuu xadiiskani faa’ideynayaa in qofkii ku dhinta dembi aan shirki ku jirin Ilaahay u naxariisan doono, xataa haddii lagu ciqaabo dembiyada qaarkood, inuu janno ku dambeyn doono sida ay sheegeen xadiisyo kale.
  2. Ninkii ku dhinta dembi shirki ku jiro isagu Ilaahay ka sugi maayo naxariis sida lagu sheegay Aayad Qur’aan ah oo ku jirta Suuradda Al—Baqara, oo micnaheedu yahay ninkii Ilaahay u shiriig yeeta ama xaq Ilaahay cid kale ku ladha in jannada laga xaaraantinimeeyey, hoygiisuna noqon doono naarta, oo meel hoog ah. Ilaahay ha innaga badbaadiyo.

DHAMMAAD