All posts by maamul

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl

Faarax Maxamed Jaamac Cawl

Arar 1

Kicitaankii Cawrala Iyo Cali-Maax  2

Safarkii Doonnida iyo Kulankii Cawrala iyo Cali-Maax  5

Cawrala iyo Duxashadii Jacaylka  18

Duullaankii Daraawiishta ee Badda Cas 26

Dhaawacii iyo Dhiigkafuqii Cali-Maax  31

Welwelkii iyo Walbahaarkii Cawrala  37

Arooskii Cawrala loo Aroosay Geelle  44

Geeridii Cawrala iyo Baroordiiqii iyo u Ducayntii Cali-Maax  48

Kicitaankii Cawrala iyo Cali-Maax

Safarkii Doonnida iyo Kulankii Cawrala iyo Cali-Maax

Cawrala iyo Duxashadii Jacaylka

Duulaankii Daraawiishta ee Badda Cas

Dhaawicii iyo Dhiigkafuqii Cali-Maax

Welwelkii iyo Walbahaarkii Cawrala

Arooskii Cawrala loo Aroosay Geelle

Geeridii Cawrala iyo Baroordiiqdii iyo u Ducaynti Cali-Maax

Arar

In kastoo sheekadanu tahay mid la qurxiyey lana xariiriyey qaarkeed, hase ahaatee waa mid run ah oo ka dhacday dalka Soomaaliyeed, magaalada Xiis oo bad yarada Cadmeed ku taalla gobolka Sanaagna ka tirsan markay qiyaastii taariikhdu ahayd 1913kii ilaa 1922kii waxayna ku saabsan tahay jacayl ay gabar la dhihi jirey Cawrala Barre jeclaatay ninka la oran jirey Cali-Maax.

Cali-Maax wuxuu ahaa markaas afartan jir xaas leh, wuxuuna ahaa nin garaad fiican leh gabayaana ah, waxse nasiib darro ahayd inaanu sida wax loo akhriyo ama loo qoro aqoon, taasoo ay ka dhasheen dhibaatooyin waaweyn oo ka gaaray xaashadihii gabayada jecaylka sirta ahaa oo ay u dirtay Cawrali.

Haddaba, in kastoo sheekadani salkeedu yahay jacaylkaas dhex maray Cawrala iyo Cali-Maax, ula jeedooyinka ku jiraa loogana dan leeyahay, oo ay wax ka tusaalaynaysaa waa waxyaalaha hoos ku qoran.

b) Tan u horraysa, waxay wax ka tusaalaynaysaa dhibaatooyinka, danqaaraha iyo waxyeellada ay dadka u leeyihiin wax akhris la’aanta iyo wax qoris la’aantu.

t) Tan labaad sheekadanu, waxay tusaalaynaysaa heerkay haweenka Soomaaliyeed kaga jireen dhaqanka iyo murtida Soomaaliyeed, isla markaasna waxay muujinaysaa qaybtey jacaylka ka qaateen beryihii hore.

j) Tan saddexaad oo ah tan ugu qaaya weyn, waxay daaha ka qaadaysaa ruuxa waddaniga ah oo dalkiisa kalgacal u qabaa inaanu ahayn kan dib uga laabma ama ka cataaba hadduu dhibaatooyin iyo silic kala kulmo daryeelidda, ilaalinta xornimada, iyo gobannimada dalkiisa.

x) Tan afraad waxay wax ka tusaalaynaysaa samaha sinnaantu leedahay, iyo saymihii sinnaan la’aantii ka dhexaysey raggiyo haweenkii hore. Waxay kaloo isla mar ahaantii wax ka tusaalaynaysaa taariikhda, dhaqanka qotada dheer iyo caadooyinkii ummadda Soomaaliyeed.

Kh) Tan shanaad waxay wax ka muujinaysaa joqoraafiga iyo taariikhda gobolkaas Sanaag oo ah gobolkay ku dhasheen Cawrala iyo Cali-Maax, isla markaasna waxay tusaalaynaysaa faa’iidooyinka kalluunka cuniddiisu u leedahay dadka.

d) Tan lixaad waxay tusaalaynaysaa in haasaawaha iyo muranka lagu murmo af Soomaaliga ay lagama maarmaan tahay in murti, gabay, saar, geeraar, hees, guurow, jiifto, shirib iyo maahmaaho ay saldhig u ahaadaan, haddiise aanay murtidaasi ku jirin taageeraynna, wax kastoo lagu hadlo, fara kastana hadalku ha lahaadee, inuu qiimihiisu yar yahay. Sidaas darteed, waxay ka fursanwaa noqon weydey, inay sheekadanu gabay, maahmaaho iyo heeso ku dhisnaato, oo ay meelo badan ka soo galaan.

Haddaba, inkastoo berigaas magac heello la yiraahdo aanu jirin, hase ahaatee waxa jirey heeso la sansaan ahaa, laakiinse ay dhihiddoodu iyo habka ku luuqayntoodu ka duwaneyd heellooyinka haatan jooga. Markaas heesaha buuggan ku qoran iyagoo ah heesihii berigaas jirey baa misna sidii heesaha maanta jooga loogu luuqayn karayaa.

AFEEF: Ugu dambaystii, iyadoo sheekadani tahay mid run ah, hase ahaatee sidaan hore ugu sheegay aan qaarkeed xarxariiriyey, khaas ahaanna qaarkeeda dambe dheehdheehay, si ay taabba gal u noqoto, waxaa markaas iga afeef ah in haddii innaba wax dhaliil iyo daldalool ahi ka muuqdaan habka iyo hannaanka dhismaheedu yahay ay sabab u tahay afkeennoo aan hore u qornaan jirin, oo markaas aan hab la raaco qorriinkiisu lahayn hadda ka hor. Iyadoo ay misana dhibaatooinkaasi jiraan, saas looga harimaayo, waayo waxaa Soomaalidu ku maahmaahdaa canaan ka yaab reer ma doojiyo.

Midda kale dadka magacyadoodu buuggan ku qoran yihiin qaybna kaga jira sheekadan, laakiinse aanay wehelin Cawrala iyo Cali-Maax iyo raga gabayadoodii xigashada loo soo qaatay, waa magacyo dad dedan oo lagu dhisay sheekadan.

Faarax Maxamed Jaamac Cawl

Kicitaankii Cawrala Iyo Cali-Maax

… Waxaan ahay haddii runtii lagu arooro Cawrala Barre, oo ah middaan sheegay oo isheedu iyo laabteedu ku raaceen aragtideedii u horraysey, oo aad shaki la’aan nafteeda iyo ruuxeeda leedahay, aadanse adigu ogeyn, iyaduse had iyo jeer habeen iyo dharaar, hurdiyo soojeed kugu hamiyeysa oo jacaylkaaga iyo kalgacalkaaga oo jiidhka iyo lafaha galay aawadood oon iyo anfaco diiddey.

Cawrala Barre waxay ku dhalatay markay taariikhdu qiyaastii ahayd 1893kii dalka Soomaaliyeed, magaalada Xiis oo bad yarada Cadmeed ku taalla gobolka Sanaagna ka tirsan. In kastoo yaraanteedii ay magaalada joogi jirtey inta jiilaalka ah, hase ahaatee waxay badsan jirtey miyiga halkaasoo aabbaheed ku dhaqan jirey xoolo aan badnayn.

Sida la ogsoon yahay magaalad Xiis waxay ku hoos taal buuraha Caleed, buurihii Golisna loo yaqaanno, waxayna is hayaan buurahaasi ilaa Karinboosaaso iyo ilaa Boorama haddii xagga bogox loo raaco, halkaasoo ay misana sii dhereran yihiin ilaa Harar. Xagga barina haddii laga bilaabo Karinboosaaso waxay is hayaan ilaa Baargaal, waxaana loo yaqaan wixii Karin bari ka xiga buuraha Calmaskaad.

Haddaba, buurta Surad la yiraahdo ee Xiis, dusheeda ah waa buurta, buuraha dalka Soomaaliyeed ugu dheer waana 2800 Mt. Waxayna ka mid tahay buurihii caanka ahaa oo ilaa Nebi Ciise dhalashadiisii ka hor laga guran jirey Moxorka, Mayddiga, Falaxfalaxda, Murkudda iyo faleen badan oo udgoon.

Sida taariikhdu sheegayso waxaa meelaha iman jirey Faraacinadii, oo uduggaas qaayaha weyn leh uga guran jirey ahraamta iyo guryahay wax ku caabudi jireen. Faraacinadii iyo Masaaridii hore ee adduunka ilbaxnimadoodu ugu horeeysey aad bay u iman jireen gobolkaas Sanaag, raadad bandanna way kaga tageen, waxayna u bixiyeen dalkeenna dalkii Moxorka iyo Mayddiga, ama (Puntland) sababtoo ahayd uduggaas iyo carfoonkaas ayaan adduunyada meel kale laga heli jirin. Buurtaas Surad ee gobolkaas ku taal waxay ka mid tahay meelaha dalka Soomaaliyeed ugu roob badan.

Waxaa kaloo kabaxa buurahaas dhir badan oo kumanyaal jaad ah, oo ay ka mid yihiin Dhosoqa, Xiiska, Deyibka, Mooliga, Hareeriga, Shoyga IWM. Buurtaas Surad iyo buurahaas Caleed oo la xiriira wax la sifayn karo quruxdoodu iyo qiimahoodu ma’aha, waxse gabay ku sifeeyey gabayaaga caanka ah Xaaji Aadan Axmed (Afqallooc) ee Ceerigaabo deggan keligiisna la oran karo waa ka nool yahay raggii hore ee gabayaaga ahaa.

Wuxuu yiri,

Waa meel malka ah oo biyiyo buur madowba lehe

Marmar weeye dhagaxeedu iyo muunad gooniya’e

Miyaad dooxa ah bay leedahay, oo miro ka beermaane

Mandarka iyo jamaalka baad Libnaan ugu malaysaaye

Manaakha iyo hawada waxay ka tahay Mawsalka Ciraaqe

Kolkaad madaxa Surudeed tagtiyo meesha ugu taagan

Badda waxa maraayoo dhan baa, kuu muraayad ahe,

Madfaca laga ridaa wuxuu tagaa, kuman masaafoode

Arraweelo meeshay degtey, iyo muluggii Geylweyte

Iyo ma’aasiir ku jira, moodkii la helaayey,

Maanla’aha iyo taallooyinkaad, aqalka moodeysid,

Meelihii kinsiga lagu qarshay bay, maangadood tahaye,

Madduuno iyo god qorane baa ninkii, marayba yaabaaye,

Muutasaha iyo Daalo waa lagu murqaamaaye,

Ma’yey baa ka da’a goortay tahay, milayga jiilaale,

Daruurtoo mahaja soo rogatiyo, waqayga meyl gaaray,

Sida mawjadaha iyo doonyaha bay, mar isu jiiraane

Dhirtana qaarba midba leeyahay iyo, man iyo awraaqe,

Maawered in lagu daadiyey baad udugga mooddaaye,

Min aroos sidaad soo gashay iyo, mawledkii nebiga,

Miski baa ka urah kaynta iyo, malafka geedaha’e

Shimbiraha mukhtalifka u ciya ee midiba hees qaaddo

Oo midabba kala goonniya oo, cadad malyuun gaara

Mawda iyo siyaaxa baad arday iyo macallin mooddaaye,

Qollay ku madadaalisiyo Murada badane

Goortuu Gobyaan waa murdee, goonni miranaayo,

Uu Gorod miyuusigga tumoo, Galow ku maaweesho

Oo Marisku kuu soo warramo meesha waxa yaalla,

Aad Raha madiixiisa iyo, maqasho Daa’uuska

Adiga iyo naftaadaa murmah, oon doonin meel kale.

Haddaba, Cawrali waxay yaraanteedii ku barbaartay dhulka buurahaas, dhirtaas, shimbirahaas iyo quruxdaas leh, oo gabaygaas ku sifaysan. Cawrali waxay ahayd kuna tilmaannayd gabar aan meel laga saluugo lahayn dhan kastaba ha ahaatee, midabkeeduna wuxuu ahaa midabka midabada ugu wanaagsan oo maarriin dhalaal casaan raac ah. Jooggeedu wuxuu ahaa dherer dhexe oo dhex yar, oo tima sayn yalax ahi garbaha laba taako hoos uga degeen.

Waxaa la yaab iyo amakaag ahaa indhaheeda cadcad oo kaah adeenla ahaa, wiilkooduna madoobaa, suuniyaheeduna dherer intey ka qabeen sanqaroorkeeda dheer salkiisa ayey ku soo arooreen. Cawrala qosolkeedu wuxuu ahaa had iyo jeer dhool ka qosol, oo debnaheeda deebta ah aayar furta, oo markaas in yar muujisa ilkaheeda caddaan sadafka ah ilaa dhoolaheeda dhuudhuuban barbar ka muuqdaan. Intaas waxaa u raacay labadeed kub oo laba buuxsin ahaa. Haddii daacad loo tilmaamana gacmaheeda garaaraha lahaa markay ku laafyooto ruux la quuro mey ahayn, goroddana waxay ku lahayd kuna wareegsanaa caabbaadhyo haddii la tiriyo afar meeris ahaa. Waxaana la oran karaa quruxdeedu waxay ahayd waxaan la arag lana maqal. Dharqaadashadeeduna dhuda wareeg abid kama yeelan jirine hab iyo hannaan bey u xiran jirtey una xarragoon jirtey.

Magaalada Cadmeed bey muddo shan sannadood ah ka baran jirtey quraanka iyo af Carbeedka halkaasoo ay heer fiican ka gaartey aqoonta wax akhriska iyo wax qoridda.

Waxay la walaal ahayd wiil la oran jirey Dalmar iyo laba gabdhood oo ay midna ka yarayd midna ka weyneyd. Hooyadeed iyo aabbedeedna waxay ku noolaayeen magaalada Xiis iyo miyigeeda oo ah buuraha ka sarreeya. Aabbeheed Barre wuxuu had iyo jeer Cawrala ku faanin jirey uguna ducayn jirey muddeecnimadeeda iyo dheganugaylkeeda, in kastoo mar-marka qaarkood waxay damacdo ma’ ahe wax kale aanay yeeli jirin.

Isla markaas, Cali-Maax wuxuu la walaal ahaa wiil keliya iyo laba gabdhood, wuxuuna ku dhashay kuna barbaaray magaalada Laasqoray oo Xiis xagga bari ka xigta una jirta qiyaastii 152 Km. Magaaladaa isla iyada ah waxay ku hoos taal buuraha Calmadow oo ay isku xiriir yihiin Surad iyo Daalo, sidaas daraadeed xagga quruxda iyo dhirta ka baxda waa isku sansaan, inkastoo buurahaas Laasqoray ay hoos timaaddo marka oogo laga soo bilaabo ilaa xeeb ay u kala baxaan heerarka ah Raacin, Arooro, Cayow, Jarcaleed, Madar, Ragar, Gadoob iyo Macagta oo ah halka buuruhu ku dhammaadaan.

Haddaba, dhulkaas buurahaas leh, ayuu yaraantiisii ku kicitimay, waxaana kaloo jirtey inuu in badan la socon jirey bulsha fardood oo halkaas sida muuqata uu aad bulshay rag iyo haasaawe yaqaana ku noqday. Muddo dabadeed markuu gaashaan qaad noqday baduhuu galay oo ku ilbaxay, doonyahana wadiddooda iyo maamulkooda ka gaaray heer sare.

Safarkii Doonnida iyo Kulankii Cawrala iyo Cali-Maax

Iyagoo sida muuqata, ay kicitaankoodii, noloshoodii, iyo dhulkay ku soo koreen kuna barbaareen Cawrala iyo Cali-Maax isku mid ahaayeen, ayey doonni ka soo wada raaceen magaalada Cadmeed, isagoo Calina dooyo Daraawiisheed u tegey, Iyana ay ka soo xagaa baxday magaaladaas.

Doonnidaas oo la oran jirey SUBXAAN ayaa waxay ka soo shiraaqatay makhribkii marsada Cadmeed markay taariikhdu ahayd 25 kii Maarso 1915 kii, waxaa doonnida la socdey 15 rakaab ah, oy 12 tahay rag, saddexna haween iyo 20 ah badmaaxyadii doonnida ka shaqaynaayey. Sidey caadadu ahayd 3 (saddexdii) haween waxaa loo gogley huuriga dushiisii oo halka ragga rakaabka ahi fadhiyeen saddex talloobo u jirtey.

Habbenkaas hore waxaa jirey dayax shan iyo tobnaad ah cirkuna waa cusbaa oo daruuraha gudgude sansaantoodaa munqanaysey oo labadii shiraacba waa buuxeen, hadbase doonnidu waa muraamaynaysey waana kordhinaysey muraanmenteeda markay badweynta hore ugu soo martaba.

Markay abbaara toddobadii habeennimo ahayd oo suqayariintii ay cashadii bixiyeen ayaa ninka la yiraahdo Cali-Maax haasaawe bilaabay oo daandaansaday nin la oran jirey Nuur Ciise oo rakaabka ka mid ahaa, wuxuu ku yiri, “Nuuroow waadigaa wareeree maxaa badaan baas ku soo mariyey? Maad reerkaagii iyo Guudmanaa iska joogtid oo saaqa iyo haameeshaadii boqollaalka ahaa iskaga maashid. Haddaan adiga ahay weynaan badahan jaan kuma soo galeen oo hadba intaan doonnida jenbigeeda qabsado aa! aa! Aa! ma iraadheen. Kulase yaabi maayoo waxaa danqaarahaas ku soo mariyey arrad iyo gaajo, ee maxaad Cadan sooryo ka soo heshay, immisa mohoradood iyo iskujoog baad reerkii u siddaa waadigii wiilkii habar wadaaggaa dhalay wiilkiisii wiilkuu dhalay u tegeye?”

Nuur baa markaas wuxuu ku wareer gooyey hadalkii Cali-Maax oo yiri, “Caliyow miyaadan ogeyn inaad tahay mulxish reer magaala ah sidee baad nin reer miyi ah oo anoo kale ah wax uga shegi kartaa, miyaadse wiil yar oo gaashaan qaad ah, miyina ku kacay fartiisa guddaa. Allahayow yaa hayaan ama xoola kaliil hogad oon jooga ku yiraahda aroori, ha la bartee miigganaantaada iyo adkaysan waxaad leedahay. Halkaad reer miyiga gaajo iyo arrad ku caydayna waxaan kaa iri, miyaadan ogeyn magaalada inay xarragadeedu iyo wanaaggeedu tahay xoolaha iyo oontooda miyiga ka imanaya, Midda kale miyaadan maqal gabayga Sayidku tiriyey waadigii noo sheeganaayey Daraawiish eh?

Magaalada masruufkiyo dharka, laga muraadeysto,

Mushmushaaxa iyo biicu, waa moodka soo dega’e,

Miyigaba haddii laga xiraa, mawdku ka adeegye.

Naakhuudihii doonnida oo la oran jirey Shirdoon Sugulle ayaa haasaawihii isagoo taageeraaya Nuur Ciise soo dhex galay, wuxuuna yiri, “Caliyow maad iska deysid Nuur iyo reer miyiga faallihiisa, sababtoo ah waxaan qabaa inaadan Nuur hadal la ekaynayn oo uu gabayo iyo maahmaaho kugu hafinaayo”.

Nin kale oo afraad lana oran jirey, Magan ayaa hadalkii qaatoo yiri, “Nuur iyo Naakhuudow waxaan idin leeyahay dad aan weligood isgaarayn ha siminina, waayo ninka reer magaalaha ahi wuxuu ninka reer miyiga ah u jiraa inta cirka iyo dhulku isu jiraan, ee hays daalinnina. Reer magaalaha runta ahi inta badan dugsuu galaa oo barta Quraanka iyo diinka, xaaraanta iyo xalaashana waa kala yaqaan dadkaana hadba ninkay saaxiib yihiin ayaa ugu sokeeya. War miyaanu ahayn reer miyigu kan geela dhaca oo anay xalaasha iyo boolidu u kala soocnayn, kufsadana hablaha markay meel dagan ka helaan, markay aradaanna dhuugu hugoodu yahay?

Ragga rakaabka ahaa iyo meesha habluhu fadhiyeen wax yar oo layska maqalo ayay isu jiren oo intii haasaawuhu soconaayeyna habluhu dhegtey ka maalayeen hadalka.

Cawrala iyo Cali-Maaxna marmar bay indhoodu kulmayeen sababtoo ah dayax shan iyo tobnaad bay ahayd, markii kulankaasi dhacana Cawrali intay xishooto oo hoos u jeensato ayey aayar gacanteeda midig ku soo hullaabanaysey malkhabaddeedii milmilka xariirta ahayd oo labada fool ku qabanaysey.

Mar labaad baa Cali-Maax markaas hadalkii, halkii ka qaaday oo wuxuu yiri “sida muuqata waxaa Nuur iyo Naakhuuduhu iyo reer miyoo dhammi qabaan in reer magaaluhu aanu murtida iyo gabayga aqoon haba yaraatee, lana ekayn karin af Soomaaliga reer miyiga. Haddaba, caawa iskeen siiya, oo weertaydan maqla”.

Wuxuu yiri.

Walle daacuflow reer miyaan, doocna garanaynin,

Dab la shiday aroortii hadduu, daamanka is dhaafsho,

Doqonnimo waa wuxuu cadkiis, doc uga muujaaye,

Haddi doog ilaah shubo, oo duni barwaaqowdo,

Oo doobi caanaha riyaha looga dalaf siiyo,

Oo rodol uu doondoon ku helay, uga dambaysiiyo,

Isagiyo duqdiisii markaas, dawlad la is moodye,

Damdamtiyo hangoolkii ma jiroo, diriri maayaane,

Maantaas ninkii dan u lahow, daaso hadalkaaga”.

Filidda aan la fileyn in Cali-Maax si degdeg ah oo muddadaas gaaban ah ku tiriyo tixdaas qaayaha leh oo uu reer miyiga ku faalleeyey ayaa raggiina u sacbiyeen murwadii iyo hablihiina mashxarad dhegaha ku dillaacsheen wixii doonnida ku jirey, markasaa suqayariintii soo dejiyeen shah loogu tala galay haasaawaha habeenkaas oo hayl, xawaash iyo qorfe leh si loogu hambalyeeyo Cali madantuu sida wacan uga soo baxay. Cawralaa is hayn weydey oo ku tiri hablihii, “hah! hah! Afku kuma go’oh oo caano geel afkaaga lagu qabay ar ninku gabayga heli ogaa, heedheh galabtaan markuu doonnida soo fuulayey oo uu cagta soo saaray Cali-Maax isha geliyey inuu yahay diricdiric dhalay oo quruxdiisa qiima ku darsaday”.

Waxay kaloo raacisey hadalkeedii, “anigu reer miyiga iyo wixii ku salle waan necbahay sababtoo ah, hadda aabbahay wuxuu ii soo dhoofshey nin reer miyi ah oo geel badan leh walaashayna ka dhimatay oo wax allaale wax uu yaqaan aanay jirin, sida loo seexdana haba yaraatee aan garanayn. Gabaygaas caawa Cali-Maax tiriyeyna oo damdamta iyo hangoolkay la dhacaan ku sheegay wuu i sii nacsiiyey reer miyi iyo wixii ku salleba.”

Murwadii Saluuglaa ku tiri, “soo Cawralaay aabbahaa haddaad diiddid ninkaad sheegtay ku oran maayo habaar iyo duco kala dooro?”

Cawrali waxay ku jawaabtay, “hadduu saa i yiraahdo waxaan dooranayaa habaarkiisa markaasna waxaan ka ducaysanayaa Shiikha Maydh ku aasan, sababtoo ah habaar kasta ducada Shiikhaa ka xoog roon, markaas hadduu adoogay cirka soo gujiyo ka yeeli maayo nin aanan jeclaan oo aanan asluubtiisa iyo ragannimadisa ka baaraandegin, baranna inaan oori u noqdo oo uu iigu yeero naa yaa, naa yaa! Ama uu hadba intuu magacayga ka hawoodo yiraahdo taannu wada joogney, tii reerka, tii carrurta ii haysey iwm”.

Murwadii Saluugla weydiisey Cawrala oo tiri, “Cawralaay waa maxay jacaylku, waxse ma iiga sheegi kartaa? Waayo anigu waxaan ahay dumarkii hore oo hadba ninkii doona la siin jirey iyagoo aan erayna la weydiin inay raalli ka yihiin oo meher lagu duugi jirey yaradkana laga qaadan jirey. Waxaad ka soo qaaddaa anigaygan kula hadlaaya aabbahay wuxuu i siiyey aanoo shan iyo toban jir ah, nin badda jirey oo cimrigiisu lixdanka kor u dhaafay oo aan hal fool ah lagu ogeyn timaha iyaga hadalkoodaba daayoo, tukuba dheerna sita. Tan keliya oo u geysay aabbahay inuu sidaas yeelo waa lacag jacayl anigana lacagtaas uu odaygaasi haystey ayaa sabab ii noqotay inaan noqdo tii loogu heesay “garaad daraney gu’ kaa tegey iyo ma soo noqon galab ku dhaaftaa”. Waxaa dhacday markaa laba sannadood wada joogney iska daa nafac kale ama ninnimo aan ku qabee, wuu cammoobey oo dabkii ka kici waayey, markaasaa geeddigiina la fuuliyey. Markaas in kastoo aan haystey marriin iyo masruuf wacan, ayse ii dhadhami waayeen ayaan damcay inaan iska furo, waxbase waa iiga qabsoomi waayeen naakirad baana lay qoray, sababtoo ah, diinteenna Muslinku siday wadaaddada wax ma garad ka ahi yiraahdaan waxay dhigaysaa in ninku markuu doono iyo siduu u doono u furi karo haweentiisa, laakiinkse, haweentu ninka hadday nacdo dhibaato kastana ha ku qabtee, inaanay iska furi karin, welibana hadday inay diiddo ku adkaysato waxaa la qoraa wax la yiraahdo naakiro. Taasoo ka xaaraamaynaysa inaanay weligeed nin kale guursan.

Haddaba, haddaan ogahay inuu Ilaahay caaddil yahay ragga iyo haweenkuna sagaal bilood ku wada dhasheen ila ma’aha in xaggiisa ragga iyo haweenku u kala sokeeyaan, ee waxaanu waa wax raggu u samaystay inay xaqa dumarka ku duudsiyaan, markay cilmigii iyo aqoontii kaleba ka hor barteen.

Sidaas aawadeed waxaan qabaa inay dumarku diinta iyo cilmoo dhan la bartaan ragga si ay xuquuqdooda uga dhacsadaan, raggana wax ula qaybsadaan. Waayo haddaan wax aqaan maallintii dhoweyto ee qaaddiga Xiis lay geeyey ee naakiradda layga dhigay, waxaan hubaa inaan intaan garta ka helo odaygii xumaa weliba xarig qoorta u gelin lahaa, hase ahaayee waxaa iga hiiliyey laba hal, cilmiguu iga badiyey iyo lacagtiisii markii horena i sababtay. Sida muuqatana goblan baan geeri ku sugi. Haddaba, geelooyin hadalka waan ku dheeraadaye Cawralaay adaan kaa qabsadaye bal jacaylkaad sheegayso wuxuu dhadhamo wax nooga taabo”.

Intaanay Cawrali hadalkii bilaabin ayaa wagii sagliyey oo wadaad doonnida saarnaa aadaamay oo yiri, “Allaahu akbar allaahu akbar, ashahaddu an laa Ilaaha Illallaahu wa shahaddu anna muxamadan rasuulalaah, haya calal salaax haya cala falaax.

Markii addankii dhamaaday salaadiina la tukadey waagiina ogtiisii dilaacday, baa Cawrali tiri, “Sheekadaas jacaylka ah habeen dambe baan u dhiganayna, waayo waagii baa baryey hadda oo waxaa laga yaabaa iney inta raggu ina maqlaan.”

Inkastoo maayad Hindiyihii jirtay habeenkaas, hase ahaatee baddu aad bay u degganayd dadkoo dhammina waxay ku caweeyeen ilaa waagu galalac yiri haasaawihii iyo murankii dhex maray Cali-Maax iyo Nuur Ciise, rag badanina ka qayb qaateen, ruux wareerana waxaa u danbeeyey Nuur Ciise, isaguna markii Cali xifaaleeyey ayaa ugu dambeysay.

Maalin labaaddii oo bisha Maarso ahayd 26, waxay ahayd maalin milicdu aad u kulushahay oo kaliil hogad ah, waana maalinta sida la ogyahay gugu ka bilaabmo dalka Soomaaliyeed. Markaa kulkii awgiis sadxaddii doonnida baa rikaabkii loo dallaadeeyey haweenkiina hooso loo xiray ay milicda ka harsadaan. Iyadoo Cawrali isha galisey Cali-Maax markii ugu horrayseyoo uu doonnida cagta soo saaray, habeenkii xigayna hadalkiisii iyo haasaawihiisii macaanaa dhegta ka maashay, ayey maalin labaadaas aad uga il sugatay. Wuxuuna ugu muuqday inuu yahay nin da’ dhexe ah oo ilbaxnimo indhihiisa ka muuqatay, lagana yaabo inuu afaf badan oo qalaad ku hadlo, haybadna leh. Waxay kaloo aragtay inuu yahay midabkiisu casaan raac yahay oo sanqaroor dheer leh, garkuna madow buuxa yahay oo uu hab wanaagsan u qoray.

Wuxuu kaloo u ekaaday in kastoo aanu kicin nin dheer oo lixaad leh. Waxay kaloo dareentay inuu yahay nin Daraawiishta Ina Cabdalla Xasan ee Taleex degtey ka mid ah, sababtoo ah waxaa gadaashiisa ku tiirsanaa hal sitaac iyo hal nadi iyo qori maarre ah. Inuu Daraawiishta ka mid yahayna waxay ku sii rumaysay, balaf bay ku maqashay inay doonnida ku jiraan niman lagu tuhmaayay inay Daraawiish yihiin.

Isla maalintaas markay barqadii gaartey ayaa naakhuudihii badmaaxyadii ku yiri, “war maxaad inoo ku jillaabi weydeen miyeydaan ogayn Baddacas inuu ku jiro kalluunka adduunyada ugu macaan uguna qaaya roon oo ah tebediinka, oo hadda doonnida hareeraheeda booddalaysanaaya?” Markaasaa badmaaxyadii amarkii fuliyeenoo la jillaaba, oo isla muddo yar dabadeed soo dhifteen dhawr hal oo tebediin ah. Halkaasaa qadadii lagu bisleeyey tebediinkii oo jaadjaad loo sameeyay. Haddaba, nasiibdarri waxaa dhacday markii qadadii la soo dhigay loona faraxashay ayaa Nuur Ciise afka iyo intuu sanka mara ku duubay diidey qadadii kalluunka lahayd inuu farihiisa galiyo. Markaasaa Cali ku yiri, “Nuurow ninkaan kalluunka ifka ku cunin aakhiraa afka loogu guraa bay Soomalidu tiraahdaa, ee maad cuntid caafimaad iyo nafaquu jirkaaga tarayaaye”

Wuxuu yiri:

Dunnunucaay kolkuu qahwaha, debinta saaraayo,

Duuf lulaaye goortuu kalluun, labada daan buuxsho,

Dayn qaate meeshii nin ragi, debec ka maalaayo,

Duryan xume markuu deego buu, dunida hiifaaye

Diintiyo wuxuu caayayaa, daayin Ilaahiise,

Dacwad aan la garanayn iyo, dafashya baas sheegte,

Dood iyo dagaal baa nin raga, lagu daryeelaaye,

Deeqadana haddii loogu ladho derejo weeyaane,

Wax dawddara magaaliyo ninkii degelkeed waa jooga.

Cali baa markaas hadalkii qaatay markii Nuur dhameeyey gabaygii oo yiri, “Nuurow layskuma hayo inuu kalluunku xalaal yahay, waayo waxaa la yiri nebigii baa seeftiisa ku gawracay sebenkiisii.”

“Waxaan kaloo intaas kuu raacinayaa faa’iidooyinkiisa kale oo aan la ogayn, kuwaasoo ta u horraysaa ay tahay inuu yahay xoolo ama sahay aan loo kala xoog roonayn. Tan labaad waa xoolo aanu col iyo cadaawe kaa qaadi karin. Tan saddexaad waa xoolo aan oomin abaarina gelin. Tan afraad waa xoolo maalqabeenka iyo saboolku u siman yihiin, laakiinse uu bursadaa hadba koodii tabar bataa midkood kasta ha ahaadee. Haddaba haddaan, Nuurow soo gabagabeeyo faa’iidooyinkiisa u weyni waxay tahay, waa hanti uumiya iyo sankuneefle oo dhan loo simayoo la wadaagaa, walibana tixdaydaan maqal, aad garatid wuxuu yahaye.”

Kalluunkeennu waa socoobaanka iyo, sodon kun oo jaade,

Seerseer macaanow lebediinku waa, ugu sarreeyaaye,

Oo Sallalaahu nebigii ayaa, sef ku gawracaye,

Saxal iyo abaar kuma kacdiyo, samo kaliileede,

Ma saanyado col duulaa hadduu, sarida kuu deexan

Saxar cuduri saymaha adduun, abid ma saysaansho,

Ninkiise saansaanyahay yaqaan iyo badaha saamkooda,

Oo subaxdii horeetaba kacoo, seebka taranteersha,

Waa sahay daleelaha u taal, saacad dabadeede,

Nin saboola iyo maalqabeen baa, sadho dhex taallaaye,

Waxse loo simay waa kalluun, sebi un baa mooge,

Waxa uu nafaqo siinayaa, jiidh solmoo tegeye,

Badda seylac saaxiyo Berbera, tan iyo Seyhaaba,

Waxaa sare iyo hoos ku jira waa sareedade,

Soomaali baan garan intey silic ku noolayde.

Markii Cali gabaygaas dhameeyey ayaa murwadii saluugli ku tiri Cawrala, “Naa Cawralay maxay kula tahay waadigii faalle had iyo jeer ka bixin jiray hadduu Cali eray yiraahdee? Mase ku raacsan tahay wuxuu kalluunka ku ammaanay?”

Cawralaa markaas ku jawaabtay, “Waan ku raacsanahay inuu kalluunku leeyahay faa’iidooyin badan, laakiinse aanu dadku ogayn sida Cali-Maax u sheegay, waxaa Saluuglay dhicidoonta sida dunidu ku socoto oo dadka tiradiisu u kordhayso maalinba maalinta ka danbaysa inay cuntadu iyo xooluhu dadka ku yaraan doonaan, oo markaas laysugu iman doono kalluunka iyo waxa badda ku hoos jira. Markaas Cali-Maax rayiga iskaga raacimaayee waa nin wax garada ah oo ka gar jooga ninka kalluunka diiday isla mar ahaantiina aflagaaddo u geystey wixii cuna.”

Dharaartaas gelinkeedii danbe baddu waa yara kacsanayd oo hadba doonnida hareeraheeda ayaa mawjaddu tarshadda ku soo dharbaaxaysay, waxaadna moodeysay inay mar walba marka ka dambeeysa karkeedu soo kordhayey cirkuna dheeraad buu u cusbaa oo goortii gabbalkii dhacay ayaa daruuro iyo dabaylo yalax qabow ahi dhanka bariga ka yimaadeen.

Markii makhrib la tukadey ayaa murwo Saluugli tiri, “Cawralay waxba garan maayo oo caawa haasaawihii ragga maqlimayno, iyadoo laga yaaba inay sabab u tahay dabaysha xoogga leh iyo duufaanta dhacaysa. Wadigiina Cawralay saaka salaaddii ku ballan qaaday inaad jacaylku wuxuu yahaynooga sheekaysid ee bal halkii ka wad.”

Cawralaa tiri, “Waatahay Saluuglaay i dhegaysta adiga iyo geelada kale, waxaanse idiin horreysiinayaa inaan hore jacayl ii qaban, hase ahaatee illaa shalay galab waxaan u maleeyey inuu isaga yahay baa i haleelay, oo waa sida dacarta qaraarka ah, oo misana dhabaqeeda sare macaan yahay. Markaad weydo waa hoog iyo ba’ iyo leelleel oo lahbi laabtaada geliya aadan ka ledi karayn. Markaad heshid waa sida deeq hagar la’aaneed oo waa sida dhuuni aad u baahnayd oo dheef iyo dhaqaale kuu tara.”

“Xag kalena haddaan ka laba rogo waa sida dooggiyo xareediyo saxansaxada udugeed, haddaan laguu ogayn waa geeri iyo cudur caato kuu dila eh. Haddaad heshid ood hantid waa faraxii naftaadiyo raaxadii adduunyada. Saluuglaay miyaadan maqal maahmaahdaan?” [Waxaa yiri maahmaahdaas nin gabyaa ahaa oo la oran jirey Ciisa Maxamuud Cali.]

Afar waa mugdi,

Afar waa maradhaamo,

Afar baa ka macaan,

Afarna wawga maso.

Abaari waa mugdi

Cawsna waw maradhaamo

Doog baa ka macaan

Ninna wawga maso, oo waa ninkaan cood lahayn.

Colaadi waa mugdi

Ergona waw maradhaamo

Nabad baa ka macaan

Ninna wawga maso, oo waa ninkii ku dhintay.

Habeen waa mugdi

Dayaxna waw maradhaamo

Maalintaa ka macaan

Ninna wawga maso, oo waa ninkii indhoole ah.

Hammadi waa mugdi

Guurna waw maradhaamo

Jacayl baa ka macaan

Ninna wawga maso, oo waa caamadaan garanayn.

Markay sheekadii halkaas u mareysay oo ay tahay abbaara tobankii habeennimo ayaa moosinkii iyo dabayshii soo kordheen oo hadba sidii dhibic roob badii shaxshax ku soo tiri doonnida gudaheedii, baxaaridiina maaweredda gurtay.

Eraygaas maawered waxay baxaaridu ku samrisiisaa dadka rakaabka ah, waxayna yiraahdaan marka baddu darbadaysan tahay oo heeraabka hore ee doonnida iyo mawjaddu kulmaan, biyuhuna sare u kacaan oo dib ugu soo dhacaan doonnida dusheeda iyagoo sidii dhibico roob ah.

Naakhuudihii iyo sareenjigii waxay amar buuxa ku bixiyeen in badmaaxyadii iyo wixii doonnida ku jiray oo dhammi heegan ahaadaan, khaas ahaanna raggii hawlaha gaarka ah lahaa, oo ay ka mid ahaayeen ninkii wadeenka ahaa ama shukaanta hayey, iyo raggii biya dhuridda lahaa. Waxaa muuqatay inuu naakhuuduhu ahaa nin dhibaatooyin iyo danqaara badan soo galay dhawr jeerna doonyo la degeen ama la sigteen. Sidaas darted wax aragagaxa oo ay gelisay baddii kacday ma jirin, inkastoo uu maleeyey ama ilaadiyey siday daruurtu cirka ku ahayd inaanay sagleela la’aan dhacayn.

Iyadoo rag iyo haween wixii doonnida ku jiray werwer iyo walaac ka galay siday baddu ahayd cirkuna jaha walba uga soo awdmay, ayaa Cawrali hablihii ku tiri, “hablow maxaa mid waliba ku dardaarmaysaa, waa intaasoo doonnidu degtaa oo mid ina ka mid ahi noolaataa labana dhimataa ama midina dhimataa labana noolaataaye.”

Saluugla waxay tiri, waa ruux waaya arag ahayde, “waxaan ku dardaarmayaa laba hale hablahaan weli la guursan iga gaarsiiya.

Waxay tiri

Guunnimo waa geeri haween,

Guur odayna waa geesaas haween”

Tii labaad oo la yiraahdo haweeya baa waxay tiri, “naa anigu geesaas iyo meesaas waxba ka garan maayee, waxaad hooyaday iga gaarsiisaan haddaan qaraqmo inay haweyneyda la yiraahdo Dhool Rooble ee Xiis deggeni igu leedahay laba madaal oo sonkor ah, iyo tan haruura oo aan ka qarddaystaye ha iga bixiso yaan aakhiro loxodka laygu gubine.”

Cawrala markaas hadashayoo tiri, “horta habalayahow lagama yaabo inuu ilaahay caawa igu dilo doonnidaan, sababtoo ah hooyaday oo xiddiga tiriska aad u taqaan ayaa waxay igu tiri waxaad dhalatay markay xiddigta Afaggaallo la yiraahdo soo baxday, Soomaaliduna waxay ku tilmaantaa ilmaha xiddiigtaas dhalashadiisula kulanto inuu nasiib iyo hoodo”.

Tan labaad oo aan ilaah uga raja xumaynna waxay tahay, hadee weli adduunka waxba kama dhadhamin macaan iyo qaraar mid kastaba ha ahaadee, Ilaahayna taas waa ogyahay oo waygu naxariisanayaa.

Midda kale anigu dardarmimaayo, waxaanse soo jeedinayaa saddex talo’e bal i dhegeysta.

Tan u horraysa, waxay tahay midaan sheeko ku maqlay oo ah inay dumarku hadday doonniyi la degto is wada qabsadaan oo markaas wada degaan, inta badanna aan waxba ka badbaadin.

Haddaba, waxaan soo jeedinayaa saddex hal inaynu samaynno haddaynu aragno inay doonnidu degayso. Tan u horraysa waa inaynnu dharka badan oo aynnu xirannahay iska yaryaraynaa oo mid waliba la hartaa diricay gashay tahay, sababtoo ah dharku weyna dabrayaa oo markaasu ina ku dhegayaa. Tan laabad waa inaynaan is qabsan oo is cuskan ee mid waliba nasiibsataa wixii Ilaahay la kulmiyo.

Tan saddexaad waxaan ku talinayaa in mar alla maykaynnu aragno inay doonnidu degayso, inaynnu raga ku jira mid waliba midkay doontu mid kasta ha ahaadee u baaqataa, oo tiraahdaa hebelow i qabo.”

Markay Cawrali dhammaysay ayaa gabadhii Haweeya tiri, “Cawralaay ra’yiya wanaagsan baad soo jeedisey wadna mahadsan tahay laakiinse waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa, haddaad dhimanaysid dhareerka waa layska duwaa, ee horta dharka iska dhiga oo diric keliya la hara kaa yeelo maynno, waana mid adag inaannu ismuldhino wax kastoo dhaca”.

Cawrala hadalkii ku noqotoo tiri. “waa runtaa Haweeyay oo maahmaahdaasi waa mid jirta, hase ahaatee meesheedii ma aha oo waxaa kaga habboonayd halkaas taas ka tiri inaad ka tiraahdid “dan iyo xarrago isweydey”. Talooyinkaas Cawrali soo jeedisey Saluugli waa qaadatay oo waa tabaabulshaysatay, laakiinse gabadhii labaad oo Haweeya ahayd uma guuxin oo halkeedii bay iska balawaarsatay oo sanduuqeedii dhabta ku qabsatay.

Markay saacaddu ahayd abbaara 11 saac ee habeennimo, ayaa fad birqamaya oo onkodaya xagga bari ka yimid oo barta saaray doonnidi, iyadoo baddii sidii iyo si ka daran u kacsan tahay.

Waxaa doonnida ku jirey oo rakaabkeeda ka mid ahaa wadaad caalim ahaa oo la oran jirey Shiikh Araye Ceelaabe oo magaalada Saylac ku dhashay isla markaasna degganaa, oo magaalada Cadmeed socodaal gaaban ku tegey.

Shiikh Araye Ceelaabe wuxuu ahaa shiikhii kashifay ninkii dawladda Ingiriis sahanka ugu soo dirsatay inuu u soo ilaaleeyo dalka Soomaaliyeed markay qiyaastii taariikhdu ahayd 1854 ilaa 1860 kii oo magaciisii runta ahi ahaa Rijaad Barton (Richard Burton), laakiinse isugu sheegay Shiikh Cabdalla dadkii Soomaaliyeed ee uu isu maldahaayey inaanay garan inuu yahay nin khaayin ah oo tuugo iyo dibindaabyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed la damacsan.

Waxaa jirtey ninkaas gaal oo Ingiriiska ahaa inuu diinta Islaamka iyo af Carbeedka aad iyo aad u yiqiiney oo uu mararka qaarkood magaalada Saylac masaajidyadeeda wax ka tujin jirey, mararka qaarkoodna ama inta badanba wuxuu gashan jirey khamiiska dheer oo ay wadaaddadu gashadaan, had iyo jeerna kama ag fogaan jirin meelaha culimadu iyo ardaydu fariistaan si aan loo garan ama lo dereemin wuxuu ahaa.

Haddaba, waxaa dhacday in maalin maalmaha ka mid shiikh Araye la kulmay ninkaas Ingiriis oo meel ban ah u kor tegey oo intuu la sare joogsaday geed isku toosiyey, markaasaa waxaa u muuqday shiikh Araye inaanu xalaalsanayn ninkii shiikha loo haystay oo ay calaamaddii gaaladu ku taallo. Aminkiiba shiikh Araye afkuu gacanta geliyey oo magaaladii oo dhan buu ogeysiiyey in ninkaasoo munaafaqi magaalada joogo oo shiikh loo yaqaan.

Halkaasaa ninkii Ingiriis oo isa soo maldahay laga cayrshay magaalada Saylac ilaa uu ku galay magaalada Harar oo Iyana waa dal Soomaaliyeed oo Muslim deganyahay laga saaray sidii si le’eg.

Shiikhaas haddaba, caanka ah, ayaa wuxuu bilaabay aadaan iyo quraan akhris uu Ilaahay ku baryaayey inuu roobka, duufaanka iyo badda kacsan ka joojo. In kastuu shiikhii quraan iyo aadaan iyo baryo Ilaah isku daray, roobkii hanqar iyo hillaac buu sii kordhiyey, baddiina mar walba mark aka dambaysey way sii xumaanaysey oo waxba baryadiisii ma doorin, waayo waxaa la yiraahdaa, Ilaah ma naxee waa naxariistaa.

Markay saacaddu ahayd abbaara 11:30 ee habeennimo ayaa dakhalkii intuu badhtanka ka kala boodey sadxadii doonnida gab ku soo yiri. Naakhuude Naallaye dakhaalka soo jabiddiisii ka hor rajuu qabey, markuuse soo dhacay hareerahan ay ka yeertay hayaay! Hayaay! ciidamow! Ba’yey! buu quustay oo ashahaadada cuskaday.

Haddaba sebi ma’ahee ruuxii innaba garaad lahaa u caddaatay inay doonnidu degayso, oo aanay ku sii jir lahayn, ayaa Cali-Maax la faqay Nuur Ciise oo yiri, “Nuurow bal warran, maxaadse filaysaa illayn dabbaasha ma taqaanide?”. Markaasaa Nuur yiri, “ar hayga tegin xaal waa xunyahaye.” Cali-Maax baa markaas ugu jawaabay, Nuurow nasiibso wixii Ilaahay ku qoray, waayo, saddexdaas dumarka ah baan midkood gacan siinayaa. Nuur baa hadalkii ku noqdoo yiri, “Cali-Maaxow ma qof dumaroo kontonley ah baad boqollahaygaas ka dooranaysaa, mase laga yaabaa Ilaah waa qaaddire, inaan idiinka horreeyo berriga adigiyo qofka dumarka ah oo aad qaadi doontid?”.

Cali-Maax baa jawaaboo yiri, haddaad weli tahay waad naga horraynaysaa, laakiinse waxaan ku xusuusinayaa Nuurow oo aadan iigu calool xumaan in haddii innaba Ilaahay kula kulmiyo rag iyo dumar dhibaataysa, sida tan caawa joogta, ay daw iyo waajib tahay in ugu horraysta iyaga gacan la siiyo markaas i sii sug waan kuu soonoqonayaaye.

Halkaasaa Nuur Ciise bisinka cuskaday oo ashahaatey, Ilaahiisna badbaado ka baryey.

Waxaa dhacday in miiraalihii roob, hillaac, onkod iyo hig iyo dam, walaalac, iyo qararac ma’ahe wax kale laga waayey, biyihii guud ee cirkana shalalax ugu soo shubmeen doonniddi, baddiina hareeraha iyo gadaal iyo horeba ka soo gashay. Markaasay heehaabtay doonnidii heelaheela dhexe sidii cayayaan dabayli siddo, ilaa uu ugu dambaystii dakhalkii soo kala jabay baarkiisii u sarreeyey uu hoos ugu libdhay baddii markay saacaddu ahayd 12:30 habeennimo oo ay xeebta Soomaaliyeed meesha ugu dhowi u jirtey 10 km.

Siday talada ku bixisay Cawrali waxay u baaqday Cali-Maax oo tiri, “Cali-Maaxow i qabo! Cali-Maaxoow i qabo! Cali-Maaxoow i qabo! Halkaasaa iyadoo baaxaadegaysa oo dhawr jeer leqday biyihii badda, Cali-Maaxoo ku soo tala galay, baaqeediina maqlay garab galay.

Rakaabkii kale iyo badmaaxyadiina waxay noqdeen wax dega, wax dabbaasha iyo dar alwaax Ilaah gacanta u geliyey oo ku dabbaashay ilaa berriga.

In kastoo Cali-Maax u ugu soo gurmaday Cawrala baaqeedii ahaa Cali-Maaxoow i qabo kuna soo talagalay inuu dumarka mid qaado oo uu markaa si degdeg ah u garab galay, intaanay aad u hafan una deign, gartayna markuu gacanta qabtay oo garabkiisa bidix kor ugu taageeray inay tahay ruux dumar ah, laakiinse aanu kasin weli habar, murwo iyo gabar miday tahay, ayaa Cawrali la hadashay iyadoo indhaheeda ilmo ka da’ayso markii oogta waaberi soo baxday waagiina sagliyey.

Waxay tiri, “Caliyow waad mahadsan tahay Ilaahayna ha kaa abaal mariyo waxaad ii gashay in kastoo aanan weli hubin ineynu badbaadoo tegayno”. Cali baa markaas intuu dib u jalleecay damcay inuu lahadlo nasiibdarrise mawjad ayaa intay kor u qaadday hafisay oo afka u buuxisay hadalkiina ku celisay. Mar labaad ayuu misna u holladay inuu la hadlo waase u suura geli weydey mawjadihii iyo maayadahii xooggoodii iyo culayskeedii uu dusha ku siday awadood. Mar saddaxaadkii buu wuxuu haleelay inuu yiraahdo keliya, “magacaaga ii sheeg” markaasay tiri, “waxaa lay yiraahdaa Cawrala Barre.” Markaasuu isagoo hadba hafanaaya hadalkana joojoojinaaya yiri, “Cawralaay waxba hay mahad naqin, waayo waa wax waajib ah in la gargaaro ruux islaam ah oo Soomaali ah oo dhibaataysan. Waxaana jirtey intaan doonnidu degin inaan saddexdiina hablood ka fekeraayey sidii laydiin badbaadin lahaa. Markaan Caliyowda maqlayna degdeg baa xagga Ilaah kaa la iiga soo diray inaadan kollayba ku dhiman doonnidii markay degey, inta ka dambeysa wax kasta aad mudatide.”

Nasiib wanaag, waxaa dhacay in kastoo waxaan la arag oo la maqal oo duufaan iyo roob ahi habeenkii dheceen, markii waagii soo beryaayey cirkii waa kaadiyey, baddiina waa degtey oo xawaalis ku dhowaatey. Haddii kale uma suura gasheen inuu Cali-Maax si dhib yar ula dabbaasho Cawrala oo muddo dheer dusha ku sido isagoo aan daalin. Waxaa shaki la’aan dhici lahayd haddaanay baddu karka joojin inay wada dhiman lahaayeen ama uu keligiis diriqi kaga soo bixi lahaa markuu Cawrala sidniinkeeda la kadeedmo.

Haddaba, markay cadceeddii soo baxday walise ay himhimow tahay ayaa Cawrali, Cali ku tiri, “Caliyow maxaad u malaynaysaa dadkii kale ee doonnida ina kula jirey inay ku sugan yihiin? Mase u malaynaysaa inay Saluugla iyo gabadhii kale iyo odaygii aad xifaaltameyseen ee Nuur Ciise Ilaah saac u bixinaayo oo ka saaraayo doonnidii? Ilaahayse waxaan ka baryayaa inaanay Saluugli geeryoon, maxaa yeelay goblan bay geeri badeed ku mudanaysaa oo waan u calaacalayaa iyado ifka ku luufluuftay inay isla markaasna geeri xun dhimato.” Cali baa markaas wuxuu yiri, “horta anigu mid baan hubaa, inuu odaygii reer miyiga ahaa ee Nuur Ciise badbaadayn, sababtoo ah markay doonnidu degaysey ugu dambaystii sadxaddii buu fadhiyoo jilbaxidhnaa, wuxuuna igu yiri hadalkiisii u dambeeyey, “ar hayga tegin nacasyahow xaal waa xun yahaye.” Anna waxaan ku iri i sii sug waan kuu soo noqonayaye. Haddee waxaan u malaynayaa inuu aakhri igu sii sugaya illayn dabbaal ma aqoone. Cawralaay maantoo kalay kala haraan nin badmaaxa iyo reer miyi geel jire ahi.”

Markii waagii aad u beryey ayaa waxaa hareerahoodii ka soo baxbaxay hanbabarooyin* booddaalaysanaaya. Nasiib wanaagse waxba Ilaahay kaga ma keenin inkastoo mar midi sigtay oo Cali tuurta ku qaadday Cawralana barbar uga riddey. Markay ahayd barqa gaaban oo cirkii daruurtii ka yaryaraatay baddiina yar degtey ayaa hir madow oo dhereran uga muuqday xaggay u dabbaalanayeen.

*[Hambabaro (hambarayooyin) waa kalluun weyn oo badda ku jira, laakiinse aan la cunin.]

Muddo yar dabadeedna, waxaa kor yimid Jaamanjoogtii iyo shimbirihii xeebta oo markaas himmad iyo niyadsan geliyey, inay u dhow yihiin berrigii Soomaaliyeed.

Waxaa jirtay inay dhowr jeer ilbidhiq ku arkeen markay mawjaduhu is gedgediyaayeen meel cabbaar u jirta ee ka yar horraysa waxay u maleeyeen madaxyo dad, oo qoryo ku jooga lagana yaabo inay ahaayeen dadkii doonnida kula jirey qaar ka mid ah.

Cawralaa markaas weydiisey Cali-Maax, waxayna ku tiri, “Caliyow ma laga yaabaa dadkaas inna ka horreya oo looxaanta waxa u eg ku jooga inuu ku jiro ninkii reer miyiga ahaa ee Nuur Ciise?” Cali baa markaas wuxuu ugu jaawaabay “Cawralaay kaasi inna ka horreyn maayo, waayo dabbaasha ma aqoon siduu igu yiri.” Cali-Maax wuxuu Cawrala dusha ku sidaba waxaa niyadsami gashay oo orodkii dabbaasha kordhiyey markay u muuqatay buurta Suradeed feeqeeda dheer.

Hadday soo dhowaadeen oo xeebtii u yimaaddeen in hal kiilomitir ah, ayaa Cawrali Cali-Maax ku tiri “Cali-Maaxoow sida ii muuqata baddan badbaadaynu kaga baxaynaa, in yar baana innoo ka hartay xeebtii, markaas lagama yaabo inaynu dib isugu cidlaysanno oo hadal ku kala bogannee, waxaan kuu sii sheegayaa inaad marti iigu tahay magaalada Xiis ila intaad doontid.” Cali-Maax baa markaas ku jawaabay, “waa tahay Cawralaay haddaanay rag aan filayo oo Xaruntii Taleex ka yimid igu sugayn magaalada Xiis, waa kaa guddoontay martiqaadkaas.

Cawralaa markaas tiri, “waxaad Cali-Maaxow iiga warrantaa Darawiishta iyo waxay muhiwadoodu tahay, waayo sidaan doonnida dusheedii ka maqlaayey haddana ii muuqata ka mid baa tahaye.”

Cali-Maax wuxuu ku yiri, “Daraawiishtu waa dawlad u dhalatay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, muhiwadeeduna waa ilaalinta gobaninimada Soomaaliyeed iyo ilaalinta diinta Islaamka oo Ingiriiska iyo Talyaaniga iyo Xabashiduba duullaan ku yihiin doonayaanna inay burburiyaan oo markaa inna gumeystaan, gaala madowna inna ka dhigaan. Waxyaalaha kale markaynu magaalada tagno ayaan kuu dhammays tirayaa.” Cawrala waxay markaas tiri, “Haddii muhiwada Darawiishtu sidaas tahay maad Cali-Maaxow i kaxaysid aan dagaalkaas gobannimadoonka ah ka qayb galee, kaana barbar dagaallamee, mase raggu had iyo jeer wuxuu jecelyahay inaanay dumarku libinta gobannimada la qaybsan lana sinnaan ee ma oggolid?”

Cali hadalkaas Cawrala uga ma jawaabin, sababtoo ah waxaa xeebtii oo in yar u jirtey saacaddu markay ahayd 5.20 casar liiqii uga muuqday badwigii Nuur Ciise oo amakaag geliyey siduu baddii uga soo baxay ugana soo dheereeyey. Waxaa kaloo xeebtii uga muuqday niman fardo wata oo uu u maleeyey Daraawiishtii sugaysey imaatinkiisa, oo warkii degidda doonnida loo sheegay soona birmaday si ay dadkii doonnida ka soo caariyey wax uga soo guraan.

Markay saacaddu ahayd 5.25 galabnimo waxaa ugu soo horreeyey Cali-Maax iyo Cawrala inay gacanta soo qabtaan Nuur Ciise iyo murwadii Saluugla’ oo xeebta ku sugaayey.

Halkaasay dhar ay la sugaysey Saluugli’ u gelisay amminkiiba Cawrala. Waxaa nasiib wanaag ahayd inay wixii dad doonnidii ka soo badbaado baxay, ka soo baxeen intoodii badnayd meel magaalada Xiis u jirta 5 km. halkaasoo degdeg loogu gurmadey oo la geeyey magaaladii Xiis, Cawrala iyo Cali-Maaxna waxaa la sii fanaysiiyey fardahay wateen nimankii Daraawiishta ahaa, waxaana ka soo baxay doonnidii Cawrala iyo Cali-Maax, shiikh Araye Ceelabe, Nuur Ciise, marwo Saluugla’ iyo shan iyo toban baxaaridii ka mid ah, waxaana la waayey lix ruuxoo ay ka mid tahay gabartii saddexaad ee la oran jirey Haweeya.

Bacdama habeenkaas la wada raxaabaysnaa lana gataati dhacay, ruux walbina derintii loo dhigay siduu ugu jiifsaday isma loodin, khaas ahaanna Cawrala iyo Saluugli ilaa ay afar iyo labaatan saacadood hurdeen madaxa kor umay qaadin. Raggiise markay abbaara barqadii ahayd, ayaa loo yimid oo afurkii aroornimo la siiyey isagoo laga soo sameeyey gurigii Cawrala Barre ee aabbaheed iyo hooyadeedba joogeen.

Afurkii haddii afka la saaray oo nin iyo laba jeer la degey, ayaa Nuur Ciise yiri, “Cali-Maaxow ma fileysey inaan baddaad ogeyd siday ahayd, intaan nabad kaga soo baxo berriga kugu sii sugo anoo weliba dadkii doonnida qaar ka mid ah gacan siiyey? Maxaadse iigu digatey ugana jeedday i sii sug markaan ku iri ar hayga tegin xal waa xun yahay? Midda kale weligaa ma maqashay naftaan Eebbahay dilin ma go’do?”

Markaasaa Cali yiri, “horta niman yohow waan ku gafey hadalkaas waxaana la yiraahdaa Ilaahay eray gef ah waa kaa yeeriyaa kugumase dhaafo, mana jiri la’a inuu Ilaahay karaan ku yahay naf dhimatay oo jiidhkeedii iyo jurmigeedii aboor cunay inuu soo nooleeyo, iskaba daa midu bad ka badbaadiyo’e. Haddaba, waxaad ii sheegtaan sidaad uga soo baxdeem?”

Naakhuudihii baa yiri, “Caliyow iska jir ninka la yiraahdo Nuur, waayo waa la weheliyaa’e, sababtoo ah, tiraba shan qof isagaa gacmaha intuu na qabtay na soo saaray looxaan u maleeyey sadxaddii uu ku fadhiyey oo aan doonnidii la degine ka soo go’day ugu horraystiiba.”

Nuur baa hadalkii qaatoo yiri, “horta anigu waa soomaa oo salaadaa, sadaqadana ma dhaafo, eexdana ma aqaanno, weligayna booli ma cunin, xaaraanna hadalkeedaba daayoo sadqa gawrac baan ahay, tuugana waxay ii tahay maalintaan isku deyey inaan hooyaday ka xado timir gobor barraho saaran, taasna kuma liibaanin oo waxaan dabada soo qabsaday abeeso aabuq ah oo goborta ku jirtey. Ilaahay waan ka mutaystay inuu ii miciino oo wanaag madhax iiga dhigo maalintay iigu xumayd, wixii rag hoogey dumarna leeleelay inuu sadxaddii aan ku fadhiyey ii fikiyo oo aanan baddii cagaha marna gelin.”

Halkaas markay mareysey ayaa Shiikh Araye yiri, “Nuurow mar hadday runtaa tahay intaad sheegtay wallaad ku bannaan tahay nin karaama leh. Kolkuu dhammeeyey shiikhii hadalkii ayaa Cali-Maax kacay oo isla taagay nimankii Daraawiishta ahaa ee magaalada ku sugaayey si ay isu waraystaan. Waxayna ku biiriyeen inay degdeg u baxaan, sababtoo ahayd Xaruntii Taleex ayaa laga qaamqaaminaayey duullaan lagu saaraayey gumeystihii Ingiriiska si looga kiciyo xeebahaas bari iyo magaalada Cadmeed ee saldhiga u ahayd. Haddaba, Cali-Maax wuxuu ahaa dooyo ama horseed loo diray inuu ogaado soona ilaaleeyo Ingiriisku meeluhuu ka fadhiyey magaalada Cadmeed iyo agagaarkeeda isla markaasna war buuxa ka keeno xeebaha Maakhirkoost waxa doonya jooga si markaas Daraawiishi markay qabsato xeebahaas ay doonyaha intay qabsadaan ugu gudbaan magaalada Cadmeed oo halkaas loogu cidhib tiro Ingiriiska ciidamadiisii saldhigyadaas ka soo gudbi jirey. Inuu Sayidku dareen ka qabay Ingiriiska Cadan degganaa oo uu doonaayey inuu duullaan ku saaro waxaa u marag ah gabaygiisan hoos ku qoran, oo uu ku yiri:

Maandhow raggii Laxaj jiroo, lodhadhaa yimide,

Maadhow lix seben buu fadhiyey, Laaso iyo Cayne,

Maandhow loxoskii horay ii ekayd, liinka gubiddiise.

Tixda u horraysa saddexdan tixood waxaa ku magacaaban magaalada la yiraahdo LAXAJ. Haddaba magaaladaasi waa magaalo, magaalooyinka Cadmeed ka mid ah oo u jirta magaalamadaxda Cadmeed 30 mayl oo xagga waqooyi ka xigta. Sida taariikhdu sheegaysana ciidamadii Ingiriiska ee Darawiishtu la dagaallameysey magaaladaas Laxaj iyo magaalada la yiraahdo Beer Axmed ayaa saldhigyo u ahaa. Sidaas aawadeed baa Cali-Maax horseed ilaalo loogu diray inuu war tifaftiran uga keeno Taliskii Xarunta Darawiishta si duullaan magaciisa qarsooni ahaa “Baddacas” xeeladdiisa iyo tabatabayntiisa loo dejiyo.

Nimankaas Daraawiishta oo afar ahaa waxay iyana sii ilaaleeyeen tiradoodana qaateen doonyihii marsooyinka Xiis, Maydh, Laasqoray, Ceelayo, Qaw iyo Boosaaso dhignaa.

Arrimahaas daraadood ayey ka fursanwaa noqon weydey in Cali-Maax in jaallayaashiis degdeg u baxaan oo aadaan Taleex Xaruntii Daraawiishta. Intaanay bixinse ayaa Cali-Maax ka codsaday in loo joogo ilaa fiidka inta uu arrimo hoos ahaan ah soo dhammaysanaayo, taasna way ka ogolaadeen nimankii kale.

Haddii la casheeyey oo ay ahayd abaara siddeedii saac ayaa Cali-Maax aadey gurigii Cawrala Barre intuu sii waraystay halkuu ku yaal. Aqalka Cawrala Barre wuxuu magaalada kaga yiillay xagga bari oo xeebta raacsan, wuxuuna ahaa cariish saddex qol ah berended weynna leh. Cali markuu albaabkii garaacay waxaa ka furtay Cawrala hooyadeed oo wuxuu ku yiri, “iska warrama, Cawralana iigga warran.” Cawrala hooyadeed waxay ku jawaabtay, “waa nabdoonnahay, Cawralina hadday soo baraarugtay.” Cali baa yiri markaas, “waxaan is iri Cawrala siday tahayna sii eeg siina nabad gelyee, waayo caawaan baxayaa.”

Cawrala hooyadeed baa markaas tiri, “ma ninkii la sheegaayey oo badda ka soo saaray baad tahay, eeddo Ilaahay ha kaa abaalmariyo ee hore u soco waatan sariirta saarane.” Cali baa markaas u galay Cawrala oo intuu barbar fariistay gacanta u dhiibey oo salaamay kuna yiri, “Cawrala iska warran, waxaan kuugu imi inaan ku sii nabadgelyeeyo, waayo caawaan aniga iyo niman kale baxaynaa waxaanuna ku simaynaa ilaa Taleex ee nabadgelyo ilaa intaynu dib u kulmayno haddii Alla yiri.” Cawralaa markaas tiri, “horta Ilaahay ha ku nabad geeyo ilaa meeshaad u jeeddid, aniguse waxaan jeclaa inaad ila joogtaa oo aan aad isu barannaa, martiqaadna kuu sameeyaa kuna abaalmariyaa. Haddiise ayan suuragelayn inaad negaatid, maxaa inoo ballan ah oo aan ku kala tegaynaa.” Cali waa aamusay oo wuxuu ballan ku qaado buu soo saari waayey. Iyadii baa haddaba tiri, “waxaa Caliyow inoo ballan ah markaad ka guuleystaan gaalada iyo dulliga aad la dagaalamaysaan laba hal. Tan u horaysa, waxaa inoo ballan ah inaynaan is illaawin oo uurka isku haynno. Tan labaad waxaa inoo ballan ah inaan aqal aroos sii aloosiyo oo maalintaa aynu guri galno.”

Cali wuxuu ku yiri, “waa tahay Cawralaay saasaa inoo ballan ah ee nabadgelyo raggii baa i sugayee.” Cali halkaasuu ka baxay gurigii oo u tegey jaallayaashii. Saacad dabadeedna waxay ka guureeyeen magaaladii iyagoo lug ah, waxayna fardihii oo loo mirsiinaayo ugu tegeen buurta salkeedii oo saddex kiiloomitir u jirta.

Habeenkaas waxay guura ahaadaanba fardahana kadlaysiiyaan, waxaa waagu ugu beryey buuraha Karmaan, halkaasoo ay xakamihii kaga debciyeen fardihii, maalintaana ugu hargaleen reera yaalla oo si wacan u sooryeeyey oo tulud geela u loogay. Duhurkii markay tukadeen ayey barihii fardaha ku tageen, waxay koosa raqlaysiiyaanba waxa la kulmeen raxan biciid iyo wariilayaal haldhaa daadahaynaayo oo uu dedibta ka darminaayo. Fardihii ayey cabbaar ku baacbaacsadeen biciidkii ilaa ay saryankii u weynaa ku xiijiyeen oo qabsadeen habeenkaasna isagii bay sahay ka dhigteen inta holac lagu bisleeyey ilaa ay ku laqanyoodeen shishlaantiisii.

Habeen saddexaadkii ayey galeen Xaruntii iyadoo markaas ay tahay habeen barkii oo ilaaladii ma’ahee cid kale aanay soo jeedin, markaasuu raggii mid waliba fadhiguu ka tirsanaa u hurda tegey galahoodii. Subaxdiiba Cali-Maax wuu jarmaaday isagoo ku tala gelaaya in laga sugaayo war guud iyo war hoose oo ku saabsan dhulkuu sahanka u tegey iyo wixii fariimo ahaa oo ay soo direen dadkii raacsanaa Daraawiishta. Lixdii aroornimaba wuxuu isa sii taagey irridkii Sayidka hase ahaatee waxaa Sayidkii soo fariistay siddeeddii saacadood, halkaasoo uu amar ku bixiyey inaan Cali-Maax ma’ahee cid kale u soo geli karin. Cali baa hadalkiisii ku bilaabay “Sayidii waad salaaman tahay salaaxiinta aabbeheedow.” “Waad salaaman tahay ee Cali soo fariisoo ii warran”, baa Sayidkii yiri. Cali baa markaas yiri, “Sayidii kuu warramay horta doonni baa ila degtey kase nabadgalay, waxaana ii raacda inaan kuu sheego inaan Cadan tegey, meel la yiraahdo Laxajna waan u dhaafay, Maakhirkoostna waan soo waraystay sidii ballanku ahaa.

Haddaba, Cadan iyo Laxaj waxaan ku soo arkay gaasas badan oo askar Ingiriis ah, iyo guutooyin kale oo isugu jira askar madow iyo askarta timaha qadaadka ku leh ama aynu u naqaanno Qadaadweyn oo Hindiya ka yimid. Ciidamadaasoo dhan waxaad moodaysey in loo soo qabanqaabinaayey inay ciyoon duullaan dalkeena iyo Daraawiish ugu soo baxayaan.

Waxaan kaloo soo arkay oo aan la yaabay garanna waayey, wax cirka duulduulaayey oo gorgorkoo kale ahaa. Haddii aan aad u xansadayna waxaa laygu sheegay magacooda dayuurado.” Sayidkii baa markaas dooyadii iska furay intuu dareen galay oo yiri, “Cali maxaad u malaynaysaa in lagu isticmaali karo dayuuradaha aad sheegtay? Mase laga yaabaa inuu Ingiriis ina kula dagaalamaayo markaynu dhulkii kaga adkaannay kuna curyaaminay? Sideese baad u malaynaysaa bay ugu dagaalami karayaan dayuuraduha aad sheegay? Waxaan uga jeedaa maxay dayuuraduhu soo ridi karaan?” Cali-Maax baa markaas jawaabay oo yiri sidaan warka ku helay, “waxaa la yiri bamam iyo rasaas bay ku soo ridaan dadkay laynayaan.” Wuxuu kaloo Cali-Maax warkiisii ku daray in diyaaradahaas laba nin kaxayso isagoo midna yahay duuliyaha kan kalena yahay kan waxay ku dagaalamayso tuura.

Mar Alla markuu Cali-Maax warkiisii dhameeyey waxaa lagu hambalyeeyey oo lagu gacan saaray hawlihii loo diray oo uu sida fiican u soo qabtay, waxaana loogu abaalguday oo la siiyey gabar uu dhalay nin Khusuusiidii ka mid ahaa oo isla markiiba loo dhisay. Waxaa kaloo la siiyey hal senge oo midabkiisu baroor ahaa iyo Kadin geela oo laga soo xaf gooyey fadhiyadii geelasha fadhi ka mid ahaa. Waxaana dhacday in isla markiiba madaxtooyadii Daraawiishtu fadhi yeelatay, si ay xeeladihii iyo tabatabayntii duullimaadkay damacsanaayeen u dejiyaan, ugana gaashaantaan ciidamadii gumaystaha oo lagu soo sheegay Cadan iyo agagaarkeeda.

Cawrala iyo Duxashadii Jacaylka

Iyadoo Cawrali isha gelisey Cali-Maax doornimadiisii ugu horraystii uu doonnida cagta soo saaray markay marsada Cadmeed ka soo fuulayeen, haasaawihiisiina dhegta ka maashay habeenkii iyo maalintii u horreysey, isla markaasna ay u raacdey mahaddiyo abaalkay u haysey badbaadadii uu ka soo badbaadiyey baddii markay doonnidii la degtay isagoo qiyaastii dusha ku sidey toddoba iyo toban saacaddood, ayaa jacayl ku abuurmay Cawrala oo mar alla markuu ka dhaqaaqay oo uu nabadgeliyey la arkay iyadoo isla habeenkiiba hawsaysa oo ku selelaysa Cali-Maaxoow, Cali-Maaxoow intay sariirtii ka soo dhacday!

Waxaa dhacday in markii waagii beryey la waydiiyey waxay ugu hadaaqaysay Cali-Maax. Waxay tiri “waxba kama ogayn, waayo ruuxna ma ogaan karo wuxuu isagoo hurda oo sardho ku jira ku hadaaqaayo, waxaase laga yaabaa inuu afku iga xaday riyadaan ku riyoonaayey Cali oo isagoona igu riyoonayaa oo aanu markaa riyadii ku haasaaweyno.

Markay ahayd barqa gaaban ayaa waxaa u soo wareegtay Saluugla, iyadoo ay u saarageli weydey inay hore ugu timaaddo, sababtoo ahayd daalkay soo daashey, ayey gataati dhacday oo soo toosi weydey.

Haddii in yar la wada fadhiyey aqalka ardaagiisa oo ay Cawrali ku milicsanaysey ayaa Saluugli hadashay oo tiri “Cawralaay waxaan ka xumahay gabartii doonnida in kula jirtey oon soo nabadgelyo bixin.” Cawralaa jawaabtoo tiri “amba aad baan uga xumahay, waxaanse hubaa hadday saddexdaydii talo yeesho oo intay dharkay sidatey iska yaryarayso oo sidaan soo jeediyey raggii doonnida ina kula jirey mid iska lusho ama qori cuskato waxaa laga yaabi lahaa inay badbaadi lahayd, sinase ma yeelinoo waxaan xusuusanahay markay doonnidu sii degaysey, iyadoo sanduuqeedii dhabta ku haysata, markaas waxaaba laga yaabaa lexejeclo aawadeed inay sanduuqii u quuri weydey inay iska sii deyso oo lafaheed u dadaasho.”

Saluuglaa markaas tiri “mar hadday saas yeeshay suuncaaqiibo malahayn oo waxba kuma wanaagsanayn, dardaarankeedina waxaan u sheegay hooyadeed inay deynkii ka bixiso. Midda kale waxaan kuu sheegayaa ruuxii haddiisu gasho talada waa ka hanfafaa oo ma haleelo tan habboon sida ninkii gabyey yiri:

Hadday sababi geli maanka waa, la iska suurshaaye,

Sarbeeb malag ah ayaa laga dhigaa, saacaddad dhimane

Oo solimaysid taladii Ilaah, seeg ku leeyahaye[1]

Midda kale Cawralaay waxa jirta inaan taladii Ilaah gooyo aan laga gudbi karin, oo anba haddaan Ilaahay gacanta ii gelin sadxaddii doonnida oo aanu i soo saarin odaygii reer miyiga ahaa, cidina aanay ka filayn inuu ka soo baxo ugu horreystii doonnidii layma arkeen.” Goortay hadhimadii in yar ka hartay ayey kala tageen iyagoo ballamay inay isu soo noqdaan fiidkii si ay u wada caweeyaan. Mase suuragelin inay habeenkaas isu yimaaddaan iyadoo Saluugla qaraaba badani soo booqdeen oo ay markaas ka soo bixi weydey.

Habeenkaasoo ahaa habeenkii u saddex ahayd intay badda ka soo maqnaayeen, Cawrali ma ledin, waxaana hadba la hor keenayey doonnidii iyo darbaddii heshay oo roobka, onkodka iyo hillaac lahaa iyo doonnidii degtay oo ay ka soo dabbaasheen iyadiyo Cali-Maax. Waxaana habeenkii oo dhan riya ahaan la hor keenaayey aragtidii markay soo dabbaalanayeen iyadiyo Cali-Maax oo uu dhabarka ku sidey. Sidaas aawadeed bay habeenkaas oo dhan u laba legdoonaysey oo hadba u dhinacyeynaysey ilaa waagii ku galalac yiri, iyadoo aan laba indhood isu keenin.

Habeenkii dambe gooray fiidkii tahay ayaa waxaa u timid Saluugla sidii ballanku ahaa. Haddaba markii lays bariidiyey ayey Cawrali soo jeedisey inay israacaan oo xeebta ku soo dabayshadaan, Saluuglina waa yeeshay oo markaas xeebtii baa laysu raacay, oo xagga xeebta bogox magaaladii looga baxay. Cabbaar markii la wada socdey oo dhawr jeerna badda cagaha la geliyey, ayey Cawrali burciid tuuran oo tamuux nadiif raaxale ah fariisatay, oo in yar dabadeed intay bari u jeensatay beerdhigaalaysay oo ku tiri Saluugla “Saluuglay abbaaye waxaan helay meel macaane kaalay barbarkayga fariiso.” Saluuglaa intay barbar fariisatay Cawrala bey dhiidhiibsatay oo ku tiri “Cawralaay maxaad baddan inoo ag fariisisay waayo waxaan soo xusuusanayaa dhibaatadii inaka soo gaartay.” Cawralaa jawaabtoo tiri “ adiguna Saluuglaay waxaa laga yaabaa inaad badda araggeeda ka baqaysid anna waxaan u imi inaan dhibaatadaan ka soo maray dib u soo xusuusto, sababtoo ah waxay sidii biladayaha ii muujinaysaa ninkii Cali-Maax ahaa oo mawjadahaad hirkooda arkaysid intay le’eg yihiin ila soo dul maaxay oo i nabad keenay.”

Saluuglaa markaas tiri “naa bal kaalaye! Heedhe ma jacaylkaad ka sheekaynaysey habeenkaynu badda marayney ayaa ku haya, waxaanu waa yaabe.” Waxay kolkaas ku jawaabtay Cawrali, naa waxba garan maayee, balse i maqal.

Baxanay habeennada       indha baal ma saarinoo,

Duni baadi weeyoo          bilisina illowshaha,

Waa u beer nugeyloo      ba’a iyo baraaraha,

Baraarahay xuseeyaan      anse baal ka marayoo,

Biimahaad ogayd iyo        cirkoo biriq hillaaciyo,

Bartii roobka duufaan      biyihii shubmaayiyo,

Dakhalkii bacramay baan           baayey ku selelaa,

Bisin Alla bir weeyaan sow bilow ma taabinoo,

Eebbe ima ballaysiin        anoo baaxa degayoo

Bes ah oo hafanayoo        bixi layd naftaydii,

Baaqaan hayey iri   sow Cali-baxmaaxoo,

Berrigii imuu gayn baari iima qabanoo,

Ogoow wey badbaaddaa   naftaan Qaaddir bixinayn,

Waa baab jacayloo           baarax uma ledaayoo

Baddaasaad arkaysoo       buuraha la moodoo,

Badraankii libaax iyo       hambabarada booddiyo,

Bahaluhu ka buuxaan      way bilaha dayaxoo

Buruudkii Badmaaxiyo    nuur layga biliyaa,

Waa boog jacayloo          bukaankii la yaab ma leh,

Beerkiyo wadnaha iyo      bogguu hoy ku leeyahay,

Waa baab jacayloo           billaawihii afaystoo,

Bedekayga degayoo, igu beeray boholyow,

Waa baab jacayloo           waxa ii bogsiina ah,

Ama ii bushaara ah, oo ii baraara ah,

Ama ii barwaaqa ah, baanashada haweenoo,

Badmaaxaan hantayoo, beri aanu kulanoo,

Beryasamo ku waarraa.”

Markay Cawrali dhammaysay heestaad ayaa Saluugli intay labada dhafoor gacmaha saartay aamustay oo waxay ku hadasho garan weydey. Haddaba, cabbaar hadday aamusnayd ayey ku tiri Cawrala, “alleylehe waxaa sheegaysey baa Cawralaay ku hayee maxaa talo ah oo aan kula qabtaa?”

Cawralaa markaas jawaabtay oo tiri “waxaan u malaynayaa inaadan waxaan i haleelay waxba igala qaban karayn, laakiinse waxaan kaa codsanayaa haddaad geeladay tahay inaanu xaalkaasi ina dhaafin oo cidday gaarin. Sababtoo ah, sidaad ogtahay dadka Soomaaliyeed ceeb iyo wax xun bay u yaqaaniin jacaylka, dabadeedna hadday i maqlaan waalidkay way i dayrinayaan. Midda kale sidaad ogtahay waan doonanahay markaas doonimaayo inuu arrinku iga dhicisoobo ilaa aan Cali-Maax arko oo wax meel isla dhigno, iyadoo sida muuqata ay dhib leedahay sidaannu isu heli doonno. Waxaanna isku hayaa inaan ka daba tago ilaa Xaruntii Taleex iyo inaan waraaq u diro. Saluuglaa hadalkii qaadatoo tiri “horta sidaad sheegtay weeye Cawralaay dadkeennu jacaylka wax xun bay u yaqaanniin, waliba xagga dumarka iyada waaba dhimasho haddii lagu maqlo, markaas ha iga biqin inaan kaa xog warramo. Midda kale haddaad ka dhabaysid inaad Taleex iyo halkuu joogay aaddid waan kuu wheel yeelayaaye ogow, anoo tala ahaan kuu soo jeedinaaya inaad horta waraaq u dirtid, oo hadduu markaas soo jawaabona waa saan rabnay hadduu soo jawaabi waayana aadno.

Hadday habeenkii gelinkiisii dambe noqotay, oo dayaxii baalka dhigay oo ay soo mugdiyawdey ayey labadoodii ka soo kaceen xeebtii oo soo aadeen magaaladii. Markay Cawrala gurigoodii gelaysay ayey ku tiri Saluugla “waxaan xaalkaa ka yeelayno waan ka wada tashanaynaaye tu san.” Saluuglaa tiri “ waa tahaye nooli kulantee, adaanna kaa war sugayaa.”

Haddaba iyagaan muddo dhawr maalmood ah kala war qaadan ayey Saluugli maalintii dambe u timid Cawrala, waxayna u sheegtay goor barqo ah inay niman xaggaa iyo Xaruntii aadayaa joogaan magaalada. Halkaasaa Cawrali degdeg intay qalinkii iyo waraaqdii isu qaadday iyadoo ku qoraysa af Carbeed hadalka intiisa kale, laakiinse ay gabayadu yihiin af Soomaali ay xuruuf af Carbeed ah ku qortay.

Waxay tiri oo ka bilawday warqaddeedii:

Gacaliye Cali-Maax,

Cali-Maax sidii johoradeed, yaanan kuu jamane,

Jannadii sidaad tahay, yaanan jawda kugu hayne,

Dabadeed aan kala jiidanne’e, mar ila soo joogso.

Cali-Maax, waxaad iga guddoontaa salaam kalgacal oo kasha iyo laabta ka soo go’day. Waxaad kaloo iga guddoontaa mahad weyn iyo salaam uurka ka soo baxday. Intaas waxaa ii raaca inaan warqaddan qoriddeeda bilaabay saddex jeer oo haddana saddexdiiba jeexjeexay, ilaa ay ugu dambaystii iga soo go’day inaan illawba ilaa kuu soo diro taboo ah tii afraad oo jeexjeexiddii ka nabad gashay.

Ka maaggiddaas aan ka maagmaagay warqaddanna waxaa iigu wacan welwel iyo walaac iyo waxaan garanwaayey oo ila soo dersey ilaa maalintii aragtideennu kow isu ahayd, ee ishaydu kugu dhacaday laabtayduna ku raacday, oo ay isla mar ahaantii nafsaddaydu ku doontay.

Haddaba, ugu horraystii waxaan jeclahay inaan kaa is xusuusiyo waa intaasoo aad i illawsantahaye inaan ahay gabartaad huuriga ka soo wada raacdeen dekedda Cadmeed oo markii doonnida la soo koraayey aad gacanteed midig ku taageertay taada midig, dabadeedna doonnida soo wada raacdeen.

Magaalada Cadmeed maalintaan, casar ka soo dhoofnay,

Waxaan ahay middaad caawintood, cudud taageertay,

Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye,

 Waxaan ahay mid habeenkii koowaad oo ay doonnidu guuraha ahayd dhegaysanaysay haasaawahaagii iyo gabayadaadii macaanaa murtidana lahaa, ee adiga iyo odaygii Nuur Ciise la lahaa idin dhex maray, khaas ahaanna dheg u lahayd xifaalayntaadii ku saabsanayd habkiyo hannaankay reer miyigu kula dhaqmaan hablahay guursadaan iyo murwooyinkey qabaan.

War cilmigiyo haasaawihii, lagu caweynaayey,

Waxaan ahayd codkaad tiri miduu, cudur geyeysiiyey,

Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye,

Habeenkii labaad ee baddu kacday oo roobkii mahiigaanka ahaa ee onkodka, hillaaca, iyo hanqarka badnaa da’ay doonnidiina degtey, waxaan ahay tii kuu baaqday oo aad gacan qabatay iyadoo baaxaadegaysa dhawr jeerna hafatay.

Baddoo cartay mayeygaad ogayd, calool xumaantiisa,

Waxaan ahay cadraddaad siddoo, calaf u laabnaaye,

Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye,

Waxaan ahay mid abaal iyo mahad weyn oo aan la koobi karayn uurka iyo laabta kuugu haysa, biimahaad ka badbaadisay adoo dusha ku sidey muddo aan toddoba iyo toban saacadood ka yaran, aadanna ka daalin sidneedkeedii ilaa aad berriga nabadgeliyo keentay inkastoo hambabarooyinkii iyo libaaxii badeed ina seegeen dhowr jeer.

Waxaan ahay cirkoo hooray, iyo caadka oo kale’e,

Waxaan ahay casaan raaca iyo, midab casaawiira’e,

Waxaan ahay canabkii ka baxay, Calihii doognaaye,

Waxaan ahay carfoon iyo udgoon, iyo cadarkii Baariye,

Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye.

Waxaan ahayd haddii runtii lagu arooro, Cawrala Barre oo ah middaan sheegay oo isheedu iyo laabteedu ku raaceen aragtideedii u horraysay, oo aad shaki la’aan nafteeda iyo ruuxeeda leedahay, aadanse adigu ogeyn, iyaduse had iyo jeer, habeen iyo dharaar, hurdiyo soojeed kugu hammiyeysa oo jacaylkaaga iyo kalgacalkaaga oo jiidhka iyo lafaha galay aawadood, oon iyo anfaco diiddey.

Waxaan ahay midaan cunin cuntada, calafka sooreede,

Waxaan ahay mid cadanyootayoo, cidihii dayrsheene,

Waxaan ahayd mid caynkaaga iyo, caaqil mehershaaye,

 Ugu dambaystii waxaan ku soo gabagabaynayaa warqaddaydan oo intaas ii weheliya Cali-Maaxoow, dayax buuxa nuurkiisa lahaayow, man galool uduggiisa lahaayow, waqayga Caleed iyo waadhida Hawdow, waagoo beryaaya wajigiisa lahaayow, mayey hooray hanqarkiisa iyo hillaaciisa sansaanshow, balanbalkoo dildillaaciyo midabka balanbaalista lahaayow, markii aan saxariiray saacii i qabtow, Soomaaliyi quruxdeeda sinji bay ula lahayde sunnaari la moodyow, sed bursiimo lahaayow, in aadan marnaba arrinkan aan kuu soo qoran yaraysan, ee aad si degdeg ah war iigu soo celisaa ama aad i soo gaartaa aan aniguna raaxada adduun maqsuudee adiguna aad muudsatee macaankii iyo roonaantii ay murwo u roonaan jirtey mudanaheeda.

Casarkii haddaan weel la culay, caano kugu siiyo,

Cishihii haddaan sarar cusbaale, kugu cashaysiiyo,

Oo waa caafimaad rage haddaan, cagaha kuu duugo,

Asaadan caloosha igu hayn, Caliyow yeelkaada.

Waxaa iga dardaaran ah, haddaanan war buuxa ciyeen kaa helin inaad adigu wixii kalgacalkaagu i gaarsiiyo masuul ka tahaye bal ogow.

Ogoobey haddan dayuxu jirin, dirir ma nuureene,

Ogoobey haddaan daaqu bixin, duunyo ma foofteene,

Ogoobey haddaad diiddo, waan degel baxaayaaye,

Oo hal iga dardaarana Calow, debinta maan saaro,

War diifta aan qabo hadday, digasho ii raacdo,

Waynoo daartii aakhiro, iyadaan cidina deyneyde.

Waa Gacaladaa Cawrala Barre,

ee deggan magaalada Xiis Xarrago.

***

Halkaasay warqaddii u dhiibtay nin la yiraahdo Shirwac oo raggii Xarunta qabanaayey ka mid ah, iyadoo kula ballamaysa inaanu cid kale u dhiibine farta ka saaro Cali-Maax, waxayna raggii sii dhexeen afar habeen ilaa Taleex.

Haddaba, maalintay tageen Taleex maalintii ku xigey markay abbaara tobankii aroornimo ahayd oo ay Jimce tahay ayaa ninkii warqadda sidey raadiyey Cali-Maax. Wuxuu doondoonaba wuxuu ka helay isagoo madan lagu shiraayo dhex fadhiya oo shirka wax kaga jira. Shirwac wax kale ma yeeline shirkii buu dhex maaxay ilaa uu Cali-Maax warqaddii fart aka saaray sidii ballankii ay Cawrala isku ogaayeen ahaa.

Darxumo, waxay ahayd Cali-Maax sida wax loo akhriyo ama loo qoro midna ma aqoon, haddaba waxaa jirtey warqaddii inuu u dhiibey si uu ugu akhriyo ninkii barbarkiisa midig fadhiyey, oo nasiib darri ahaa soddoggiisii cusbaa oo uu mudda yar horteed gabarta ka guursadey, lana oran jirey Sugulle.

[1] Waxaa gabaygaas tiriyey gabayaagii caanka ahaa Qamaan Bulxan.

Waxaa dhacday markuu soddoggiis warqaddii jeexay oo weertii u horraysey oo ahayd “Cali-Maax sidii johoradeed yaanan ku jamane” isha mariyey, mar labaadkiina ilaa erayadii u danbeeyey oo ahaa Cawrala Barre akhriyey, oy u muuqatay inay warqaaddu ku saabsan tahay jacayl ka dhexeeya Cali-Maax iyo ruuxaas dumarka ah, ayaa hoosiis dhex maray warqaaddii iyo indhihiisi oo uu mar saddexaadkii naxdin iyo yaxyax daraadood dib eray uga kicin waayey. Halkaasuu isagoo didsan soddogii ugu celiyey warqaaddii Cali-Maax iyadoo isku guda jirta. Cali-Maax waxay la noqotay in odaygii soddogiisa ahaa indha dareeyey oo uu sidaas aawadeed warqaaddii u akhriyi kari waayey. Markaasuu intuu warqaaddii ka qabtay soddogiis u dhiibay ninkii dhinaciisa bidix fadhiyey, oo ayaandarro labaad ahaa seeddigii Wacays.

Wacays warqaaddii buu intuu galka ka saaray oo kala bixiyey beeg isu hor qabtay, isagoo xoogaa dareeni galay markuu aabbihii wejigiisa eegay dhididka saarsaaran. Sidii si le’eg Wacays bilawgiiba wuxuu la kulmay wax aanu filayn oo aad uga yaabiyey, waana ka bogtay warqaaddii isagoo aan weli eray uga sheegin Cali-Maax. Cali-Maax baa haddaba, dareemay inay warqaadda wax walaac geliyey soddogiis iyo seeddigiis ku qoran yihiin oo lagula dhici waayey ama lagala xishooday in loo sheego. Markaasuu ku yiri “Wacays ii sheeg waxa warqaadda ku qoran, yaase soo diray?” Wacays baa markaas u jawaaboo ku yiri, Cali-Maax waxa warqaadda ku yaal iyo cidda soo dirtay midna halkan kuugu sheegi maayo Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “shir looma wada uunsiyo” ee waa inoo markaynu shirka ka dareerno.

Cali-Maax waa af gartay Wacays oo shirkii buu iska dhegeystey isagoo walaacsan oo ka fekeraaya waxa warqaadda ku qoran. Nasiib wanaag, in yar dabadeed ayaa shirkii ninkii guddoonshaha ka ahaa xiray oo gartii dhammeeyey.

Sidii ballanku ahaa markii la dareeray ayaa Cali-Maax iyo Wacays is raaceen, oo haddii in yar la wada socdey Cali-Maax yiri, “Wacays ina keen guriga aad warqaadda iigu akhridide.” Wacays baa markaas ku jawaabay, “Caliyow tanu mid gurigaagan laguugu akhriyaayo ma’ahee cidladaas inoo leexi.” Cidladay u leexdeen ayaa Wacays warqaaddii u akhriyey Cali-Maax.

Cali-Maax markuu tixdii u horraysey ee warqaadda ku tiillay maqlay ayuu afka gacanta saaray oo hareerihiisii deydeyey in cid kale dhegeysanayso. Hadduu amminkiiba gartay in waxa meesha ku yaal uu jacayl yahay asaanay ku habboonayn in seeddigiis u akhriyo, ayuu yiri, “bes! Wacaysow waa kaa dhantahay.” Wacays dheg uma dhigine warqaaddii buu ilaa dabo ilaa dacal akhriyey, markuu dhammeeyeyna intuu galkeedii ku celiyey buu jeebka shaarka ugu ridey oo ku yiri “Cali-Maaxoow maanta ka dib waxaasoo kale xididka hawla iman, haddii kale xaal gola jog ah baa ku qabanaaya.” Cali-Maax baa markaas yiri “hadduuba I hayaa oo ay tahay adigu aad joogtide inaan soddoggii xaal degdeg ah oo hoos ahaan ah siiyo.” “Aday ku jirtaa” baa Wacays ku yiri, “waayo adoo kale wax looma sheego.” Cali-Maax baa markaas yiri, “Wacaysow kuguma raacsani inaan anoo kale wax loo sheegi karin, waayo waxaa ii muuqata inay wax akhri iyo wax qoris la’aantu yihiin jaahilnimo weyn oo doqonnimo iyo dullinimo ku jirto. Waxaa kaloo ii muuqday maanta inay jaahilnimadu tahay gudcur iyo mugdi kaa daaha ifka iyo adduunkaba, oo dullinimo kalena aanay jirin iyada ma’ahee. Waxaa kaloo ii raaca intaa oo aan shaki ku jirin in nin kasta oo karti iyo raganimo u dhashay ay raganimadiisu dhaliilan tahay kalana dhantaalan tahay mar hadduu jaahil yahay, waxaana ii marag ah danqaarihii, ceebtii iyo nacasnimadii maanta xididka hortiisa iga raacday. Waxaanna ku leeyahay Wacaysow ninkii waaya arag ah waxbaa lagala haraaye i maqal oo weertaydan waanada ah ha sii deyn.”

Wacaysow nimaan wax akhriyeyn, waafi noqon waaye,

Weeraartan madan loo fadhiyey, wadhi ka raacdaaye,

Warkiisiyo sirtiisoo dhan baa uunku weriyaaye,

Sidayduu u wiiqmaa haddana, sharaf ku waayaaye,

Sidayduu waraabaha wahtami, wax uga roonayne,

Sidayday wadartiyo yasaan, xididka waayeele,

Waanigaa waxaan warac ahaa, wegetan liicaaya,

Oo way iyo wayey wanigaa, wahantan weydooday,

Oo wax aqoon la’aantay gu wacan, inaan wadeecoobo,

Hadduu waagu nabad ii beryaan, la’I weldaamaynin

Eebbe waaxid weeyee, haddaan wed iga soo gaarin,

Wawgiyo higgaaddaan ka baran, berry wadaadkiye,

Wallaahaan ku dhaartiyo Ilaahii Waaxidka ahaaye,

Culimada wareegtaan ku oran, weylun ii dhiga’e,

Wahsanmaayo jeeraan akhriyo, weedh la soo diraye,

Waxes waanaday tahay haddaan, waaya aragoobey,

Oo aan waraaqihii jacayl, weer ka kicin waayey,

Wax bartaay wax garab baa adduun, berri la weydiine.”

Markuu Cali-Maax dhammeeyey gabaygaas uu ku tusaalaynaayey seedigiis jaahilnimadu fool xumada iyo dullinimada ay u leedahay dadka uu kuna ballan qaaday inuu aroortii waxbarasho bilaabayo, ayuu ku yiri seeddigiis “Wacaysow odaygii intaanaan isu iman xaal hoos ahaana iga sii gaarsii.”

Wacays baa markaas Cali-Maax ku yiri “waa tahaye, illayn innaga waxba innooma kala qarsoonee, oo rag isku ayniyaynu nahaye maad xaalka iiga warrantid.” Cali-Maax wuxuu ku jawaabay “waa runtaa Wacaysow Soomaalidu waxay tiraahdaa, nin qoyani biyo iskama dhawro, balse hadda waan siyaysanahaye mar kale haynoo ahaato oo inna keen hadhimo tagnee.” Halkaasaa lays raacay iyagoo aan ninna nin la hadlayn labadoodii ilaa ay tageen gurigii Cali-Maax oo halkaas lagu wada qadeeyey, isagoo haasaawihii iyo hadalkii Cali-Maax aad ugu yaraaday.

Siduu Cali-Maax ku ballan qaaday inuu waxbarto oo aan warqad dambe loogu akhriyin ayuu markii waagii beryey macallinkii dugsiga Xarunta u tegey oo inta loox la siiyey loo bilaabay alif, ba, ta, ja, xa, mudda yar dabadeedna wuxuu gaarey heer fiican oo uu waraaqihiisa ku akhrisan karo.

Iyadoo Cawrali war iyo wacaaltoona ka weydey in Cali-Maax warqaaddii gaartay, hadday gaartayna waxay gayeysiisey ama badday, ayey had iyo jeer nafteeda ku samirsiin jirtey inay haddaanay maanta war ka helin, ay ka heli doonto berry ama saadambe ama saakuub. Nasiib darrise waxaa dhacday wax war ahi waa ka soo noqon waayey Cali-Maax, Cawralana jacaylkeedii qarsoodigii waa ka baxay oo dadkii magaalada degganaa oo dhan ayuu ku baahay ilaa labadeedii waalid iyo walaalaheedba ogaadeen.

Markii saas loo ogaaday ayaa maalintii dambe iyagoo walaalkeed Dalmar iyo hooyadeed fadhiyaan aabbeheed u yeeray oo ku yiri “Cawralaay aabbe waa maxay waxa lagugu sheegsheegayaa miyaananse kuugu ducayn ninka la yiraahdo Geelle oo laba boqol oo geela leh, sidee baad jacayl iyo wax xille ula timaaddaa oo lagaaga maqlaa. Waxaan ku leeyahay maanta ka dib waxaas iyo wax la mid ah yaanan kaa maqlin haddii kalese dayraad iga tahay ee ogow. Waayo anigu waxaan ahay nin xishoonaaya oo aan oggolayn in markaan golayaasha tago in lay yiraahdo waa kii gabartiisu ninka jeclaatay. Ugu dambaystii waxaan ku leeyahay waa geeri baabi’inaysa gurigeenna, haddii waxaas dadku inna ku maqlo ee iska jir maanta ka dib oo yaan lagaa maqal.”

Haddii odaygii dhammeeyey hadalkiisii ayaa hooyadeed qaadatay hadalkii oo tiri “heedhee, gabadha Cawrala waan ka goblamay waana layna ka beddeshay oo iyadii ma’aha, waayo waa xishoon jirtey, balse maxaa annaga iyo jacayl isu kaaya keenay, weligey waa kaas aabbahaaye ma oran waan ku jeclahay, anigu afkayga ma soo marin karo eraygaas baase, oo! oo! oo! Waa waarey gabadhani waxbay la timid oo baddii baas baa laga soo raacay.”

Markay labadii waalid dhammaysteen canaantoodii ayey isaga tageen Dalmar iyo Cawrala iyadoo ilmadu ka tililikh leedahay labada indhood. Walaalkeed Dalmar baa markaas ku yiri “Cawralaay wax xun baad samaysey oo dhegtayadii baad dishey oo haddaadba nin aan dalka joogin oo meeshaas iyo Taleex jira u baaqday, haddaba waxaan ku leeyahay miyaadan maqal in aabbeheen loogu ballan qaaday boqol geela oo baarqabkoodii ku doobinaayo iyo wax alla wuxuu doono oo yarad ah.

Haddabam ha nacasoobin oo hanna jabin oo hanna waasiin xoolahaas aanu qaarkood gabbaati u sii qaadannay kaliishii dhoweyd. Midse waan kuugu garaabayaa oo waxay tahay ninkii badda kaa soo saaray wax loo abaalgudo waa yahay, hase ahaatee ninka hadda Xarunta iyo Taleex jiraa muxuu kaa ogyahay, iska illow oo danahaaga ka raac. Tu kale waxaan maqlay inaad gabaydide bal anna i maqal waxa ku hayaan weer ka oranayaaye.

Cawrala Barraay Cali-Maax, calan laguu saarye,

Wuxuu kaaga cararayba, waa cabashadaadiiye,

Cureejaa laguu dhigi lahaa, kun iyo caycayne,

Cood baa laguu dhaqi lahaayoo, ma caddilaanteene,

Cayaaraa laguu tumi lahaa, cis iyo maamuuse,

Cawadaada eed wadigii, been cawaansadaye,

Cawralaa markaas ku tiri walaalkeed “horta Dalmaroow adigaa iiga dhow aabbe iyo hooyo oo aad moodda inaad in yar garasho u leedahay jacaylkan i haya, balse inta kaa dhimanna aan kaa dhaadhiciyee i dhegayso.

Dalmarow warkaagii        dabeebtaadi heesaha

I durtoo       i damaqdoo

Doqoni sokeeyiyo dulmar hadala seegtoo

Dacalkiyo agteedaa          loo dalag dhigaayoo

Anse daaqsin geel baad    iigu dabartay maansada

Wuxuu hadal dux leeyahay        daliilkiisa sheegtaye

Bal wax kaa dahsoonaa    aan debinta saaree

Ha u qaadan deelqaaf

Waa doog jacayloo          waa dab iyo naaroo

Waa danab sidiisoo         waa walax dadyahanoo

Waa dabaylo gaaroo        anna ma doonan heedhee

Dar alluu ka yimiyoo       malag duulayaa siday

Isagaygu duraayoo i dul keenay maandhow

ma dow baa walaalow       inaad igu dagaashaa?

Duunyo layga doortaa      urug aan deddoodaa

Waa doog jacayloo waa dab iyo naaroo

Waa danab sidiisoo         waa wax dayahanoo

Waa dabaylo gaaroo        diirkiyo laftuu xulay

Beerkuu dalooshaday      feeraha dareersani

Wey wada damqanayaan darbaddiyo xanuunkaan

La daalaadhacayaa

Haddii deeq laguu dhigo damcaddeed saluug tahay

In kastay dulbaaxiyo        darib saafi ay tahay

Ogoobay dul hoos uurka uma degaysoo

Waa dacar qaraaroo        waa timirta doocaan

Waa doog jacayloo          waa dab iyo naaroo

Waa danab sidiisoo         waa walax dadyahanoo

Waa dabayla gaaroo        dawadiisa waayeye

Ma aroos daadduucaan    dullinimo u yeelaa?

Mise daad i qaadyey         duurgal baan ahaadaa?

Dugaaggaa habqamayiyo deeradaan la dersaa

Ma duulaaye Mariskaan* i daadahee iraahdaa?

Diirad buu wataayoo        dalkuu waayo tegey baan

Ii dawi iraahdaa?

Daayinow Allahayow       Adaa daa’imaayee

Inta dunida maanta ah     dabiibkay na kulansii.

*[Shimbirka Mariska la yiraahdaa waa shimbirka dadka u horkaca meel uu malab ku soo arkay, ama meel libaax fadhiyo.]

Duullaankii Daraawiishta ee Badda Cas

Mar loo malaynaayo inay taariikhdu qiyaastii ahayd bishii Nof. 1916kii ayaa Seyidkii duullaan uu magaciisa qarsooni ahaa “BADDACAS” oo uu xeeladdiisa dejiyey markuu muddo dheer dersaayey ku saaray xeebahaas Maakhirkoost.

Maakhirkoost waxaa lasyku yiraahdaa magaalada Xiis, Laasqoray, Maydh, Ceelaayo, Qaw iyo Boosaaso.

Duullaankaas waxay tallaabadiisa labaad ahayd marka magaalooyinkaas daraawiishtu qabsato, inay isla markaas gacanta ku dhigaan waxa doonyo marsooyinkaas dhigan. Doonyahaas waxay daraawiishtu la damacsanayd inay ciidan ku gurto oo markaas Baddacas kaga gudubto ilaa magaalada Cadmeed, dabadeedna ciidamadii Ingiriiska oo halkaas fadhiyey ku soo baabiyaan iyagoo warmaqabto ah.

Haddaba, bacdamaa Cali-Maax ahaa ninkii Cadan soo ilaaleeyey meelihii ciidamada Ingiriisku degganaayeen, isla markaasna uu ahaa nin badaha aqoon dheer u leh, wuxuu amar hoose ku qabay, isagoo abbaanduulihii keliyi la ogyahay in mar alla marka la qabsado magaalooyinkaas uu ciidan u gaar ah oo soomajeestayaal ah doonyihii ku guro, oo kaga dejiyo habeen labaadka buurta la yiraahdo Jabalshamsaan dhankeeda cadceed ka soo bax, halkaasna uu weerar kaga qaado ciidamadii Ingiriiska intaan waagu u beryin.

Ciidamadii Daraawiishtu waxay ka baxeen Taleex taariikhdaas sheegan iyagoo toobinka haya, wuxuuna ciidankaasi u kala baxsanaa saddex madax. Madaxa hore waxaa la oran jirey Maarraweyn wuxuuna ka degey dhabbada Tabca isagoo beegaayey Xiis, Maydh in Conqor. Madaxii labaad oo ahaa Indhabadan wuxuu ka degey Geeldoora isagoo beegaayey Laasqoray, Ceelaayo iyo Boosaaso, kii saddexaad oo ahaa Garboh wuxuu ka degey laba dhaxaaddii labadaas ciidan u dhexaysey ee dooxada Jiidali ku beegan.

Haddaba, Cali-Maax wuxuu ka tirsanaa ciidankii labaad ee Indhabadan la oran jirey, beegayna dhanka ugu bariyeysa. Sida la ogsoon yahay ciidamadii Daraawiishtu toddoba maalmood bay ku qabsadeen magaalooyinkii xeebaha kuna baabiyeen ciidamadii gumaystaha iyo kuwii la socdey.

Waxse nasiib derri ahayd oo fuli weydey xeeladdii duullaanka tabatabaynteedii labaad oo ahayd in doonyaha marsooyinka dhigan oo dhan gacanta Daraawiishti ku dhigto oo magaalada Cadmeed ciidan loogu gudbiyo.

Taasna waxaa u sabab ahaa dadkii doonyaha lahaa oo Daraawiishta ka soo horjeeday, ayaa markay u caddaatay inay jabeen berrigiina lagaga adkaaday la baxsaday doonyihii, iyagoo u qayla geynaaya Ingiriiskii Cadan iyo Berbera fadhiyey.

Sidaasay ugu suura geli weydey madaxdii Daraawiishta tallaabadii labaad ee xeeladdii duullaanka “BADDACAS” oo ahayd tii u weyneyd oo uu ugu dambaystii Sayidkii dhigay Cali-Maaxna la rabay inuu fuliyo oo ka gudbo Baddacas isagoo ciidan xoogel doonyo ku sida abbaarana soona baabiyo Ingiriiskii uurada lahaa meeluhuu ka soo duuli jirey. Waxaa dhacday in Cawrali kala qayb gashay dagaalkii ciidankii kowaad ee Maaraweyne oo qabsaday magaalada Xiis iyada iyo geeladeed Saluugla oo mar alla markay maqleen Daraawiish baa soo gashay magaalada ay marada dhexda ku duubteen oo mashxarad hareerta kala raaceen ciidankii.

Cawrali dagaalka waxay uga qayb gashay oo wacdaraha u dhigtay laba hal. Tan u horraysa iyadoo garansanayd inay Daraawiishtu gobannimada dadka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka ka ilaalinaysey gaalada. Tan labaad iyadoo intay dagaalamaysey misana Cali-Maax ka baareysey inuu ragga ku dhex jiray. Waxse ayaan darri ahayd inuu raacay ciidankii saddexaad ee dhanka ugu bariyeysa ka degay oo Laasqoray, Durduri, Lasmacan, iyo Ceelaayo qabsaday.

Inay saasi jirtey oo Cali-Maax ciidankaas raacay waxaa u sheegay Cawrala markii gaaladii laga guuleystay Darawiish Bile oo uu farriin u dhiibey. Jaalle Bile wuxuu u yimi Cawrala gooray fiid hore weli tahay, iyadoo gurigoodii debeddiisa fadhida oo Saluuglina ag taagan tahay. Wuxuu Bile yiri, “baayooyin ma ii sheegi kartaan gabadha la yiraahdo Cawrala?” Markaasaa Cawrali tiri “maxaad u rabtaa?” Wuxuu Darawiishkii Bile ugu jawaabay, “farriin degdeg ah baan u sidaa ee midkiinna ma tahay?” Cawralaa markaas fadhigii ka so boodday oo tiri “xaggee baad uga siddaa waa aniga eh?” Wuxuu ku yiri markaas “yaad ka filaysey oo Xarun kaa jooga?” Waxay tiri “waa layga jiraa ee ii dedeji farriinta.” Halkaasuu Darawiishkii ku yiri Cawrala “wuxuu Cali-Maax afka iga soo faray salaam iyo mahad badan. Wuxuu kaloo yiri waxaad ku tiraahdaa Cawrala waad ku mahadsantahay warqaaddaadii macaanayd oo habka iyo hannaanka wanaagsan u qorrayd. Wuxuu kaloo intaas ku daray inaan kuu sheego in kastoo warqaaddii dhibaatooyin iyo danqaaro gaarsiisay, akhrigii ay u akhriyeen dad ay isku xilleeyihiin misna wuu quuri waayey murtideedii macaanayd oo wuxuu u xirtay sidii qardhaaseed intuu gal gashey, intaas wuxuu ku daray inaan kuu sheego inuu kuu imanaayo mar alla marka gaalada laga adkaado oo Maakhirkoost Ingiriiska laga saaro, iyo salaam kashiisa iyo laabtiisa ka soo go’day.

Haddii Darawiishkii Bile uu dhammeeyey farriintii ayay Cawrala ku tiri “walaal Darawiish gartay farriintiiye maxaa magacaaga la yiraahdaa? Maxaadse kaloo iiga sheegi kartaa ninka farriintaas kuu soo dhiibey?” Darawiishkii Bilaa markaas yiri “horta intaanan war kaa siin ninkaas, ma waxaad tahay gabadhii u soo dirtay xaashida jacaylka?” Cawralaa tiri markaas “maxaa adiga ku ogeysiiyey xogtiisa iyo xaashida jacaylka?” Wuxuu ugu jawaabay “oo taas magaratada Xarunta joogta oo dhan baa oge ceeb weynina waa ka gaartay oo xaal baa lagaga qaatay. Haddase sidaan isku ogayn wuxuu damacsan yahay marka dagaalku joogsado oo la curyaamiyo gaalada inuu kuu yimaaddo haddii uu bedqabo.”

Cawrali waxay ka walaacday warkaas uu u sheegay ninkii oo xaashideedii ku saabsanaa, isla markaas waxaa werwer sii gelisay sababta Cali u soo raaci waayey ciidankii Xiis. Haddii laba caanamaal Daraawiishtii u dabbaaldegaysey guushay heshay ee ka heshay Ingiriiskii oo Maakhirkoost oo dhan ka saareen, ayuu Cawrala u yimid goor ay tahay fiid hore Darawiishkii Bile isagoo war dhiilla ah u sida. Warkaasoo ahaa inuu Cali-Maax ku geeriyooday meesha la yiraahdo Gurifaras oo Calmadow ah. Cawralaa markay warkii maqashay gambarkay ku fadhidey kor uga booddey oo tiri “Bilow! Ba’ayeeym Bilow ba’ayeey war warku ma yahay mid sugan?” Markaasuu ugu jawaabey “loo noqon maayo, waayo waa war rasmi ah oo waxa laga soo weriyey Taliskii bari qabsaday inuu Cali-Maax ka mid yahay raggii jannaw oo jahaadka ku dhintay, oo niman raacda reeb ahi gorodda ka gooyeen.”

Halkaasaa Cawrali ku barooratay, iyadoo gacmaha madaxa ku haysa oo leh:

“Calafkey go’yey Cali waayayey,

oo waaniga cidlada caawdaa fadhiyoo,

cishqigii i helay la caraancaroo,

calafkay go’yey Cali waayayeey,

oo Caligaan jeclaa u calaacalee,

anoo ciid galaa caynkan iiga roon,

calafkay go’yey Cali waayayey,

oo cadawgii helaa ciil iga hayaa,

Calafkey go’yey Cali waayayey,

In cabbaar ah markay Cawrali barooranaysey ayaa geeladeed Saluugli u timid oo isku dayday inay aamusiiso, hase ahaatee way kari weydey, markaasaana Cawrala hooyadeed intay aad iyo aad u qaylisay tiri “naa aniga gurigayga iiga bax oo la aad oohintaada meel baas iyo meel daran iyo reero muskood.”

Halkaasaa Saluugli kaxaysatay Cawrala markii gurigii laga cayrshey, iyadoo ku sasabaysa inay aamusto oo ba’ayda iyo baroorta iska dayso. Saluugli waxay damacday inay geyso gurigoodii, laakiinse Cawaralaa diiddey oo ku tiri “Saluugla waxaan kaa codsanayaa inaad dad oo dhan iga fogaysaa oo aad i geysaa badda agteeda halkaynu habeenkii dhoweyd fadhiney.” Saluugli sidii bay yeeshay oo meehsii cammuudda tamuuxa ah lahayd badduna in yar u jirtey oo ku soo faaxaysey bay geysey.

Markii goobtaas la fadhiistay oo in yar la joogey ayaa Saluugli tiri “Cawaralaay Soomaalidu waxay tiraahdaa geeridu waxay ku wanaagsan tahay geel jire iyo nimaadan aqoon.” Cawralaa tiri “waa runtaaye Saluuglaay bal i dhegayso:

La yee Cali baa geeriyoodoo go’ay,

La yee gorodday ka gooyeen,

La yee geesigii godkow hoyayeym

La yee Guudmanaa ayaa la dhigoo

La yee gorgorkiyo haadkaa gigayey,

La yee gaaladii ayaa gambashee,

Isagoo galow xamar ku gaardiyo oo,

Guutadii heeganayd guubaabinayoo,

La yee gadaal bay ka gaadeen,

Mar hadduu go’ay geesigii Maax,

Goorteer aanan nolol ku gaarayn,

Allaylee gacal waayee aan go’o,

Markay baddu guuxday gugii tegey,

Daruur gudgudene geb soo tiri,

Cirkiina guguc iyo hillaac galay,

Oo mawjada gudbanoo garaangarani,

Doonnidii soo galeen gol iyo hoos,

Oo go’aydu yeertay goonyaha,

Gargaarkuu i gargaari anoo go’ila

I garab galay gelin dhexaadkii

Iyo guudkuu igu qaaday baan gocan,

Abaalkuu ii galay anaan gudinoo,

Godolna haasaawin ayuu go’ay,

Allaylehe gacal waayey aan go’o,

markuu gugu da’o geelo ramag yahay,

galool ubax laan lahaa geeyoo,

garoorka ku sii gammun culan,

guur iyo waxaan lahaa aroos gala,

guri aan ilaxidhaan lahaa geeyoo,

gogosha u dhigilaa dugaha hore,

wayey gaaladeer hadmaan ganiyoo,

wayey godobtay hadmaan gudanoo,

gaydhaan qabo goormaan ka gaylami,

abaalkuu ii galay anaan gudin,

godolna haasaawin ayuu go’ay,

allayle gacal waayey aan go’o,

go’aye jacaylkaygi geeryoo,

oo garkiyo wadnahaa i kala go’an,

ma goob leelleel baan gondaha dhigay,

dar aan I gayeen u gacan galay,

guuldarro ku mutaystay geel badanoo,

guunnimaa iiga roon geddaan ahay.

Intay Cawrali heeseysay Saluugli waa dhinac fadhidey iyadoo xagna ka yaabban xagna ka naxaysa uguna barowdiiqaysa deddada iyo diifta haysa Cawarala, waxayna ku tiri markay heesii dhammaysay “Cawralaay Ilaahay samir iyo iimaan ha kaa siiyo ninkaas ee ina keen hoyanne.” Markaasaa Cawrali ugu jawaabtay “waa tahaye horta waa xumadaysnahay waxaad ii keentaa koob biyo qabow ah, halkanaan kugu sii sugayaaye.” Saluugli sidii bay yeeshay oo magaaladii bay koob biya ah uga doontay.

Haddaba, hadday in yar ka sii maqnayd ayaa Cawrali circa ka maqashay cod macaan oo leh:

“Cawralaay ma geeryoodo nin geesiyi,

manuu go’o hadduu gobdoon yahay, oo

gumeystiyo gaalo weetayn,

Cawralaay ma geeriyoodo nin geesiyi,

Geyigiisa xornimo u goobaayoo,

Gardarada ka diiday goboray,

Cawralaay ma geeriyoodo nin geesiyi,

Galow iyo geenyo heenseeyo,

Golisna ku rafaadshay gaalada,

Cawralaay ma geeriyoodo nin geesiyi,

Gaashaanka ku qaatay gacan bidix,

Oo gamaska ku riddeeyey gol midigtii,

Cawralaay ma geeriyoodo nin geesiyi,

Gaajada iyo diiday gunnimadii,

Oo galtidii timi guban ku cayrsaday,

Cawralaay ma geeriyoodo nin geesiyi,

Gumeystaha guluf ku weeraray,

Ka guuleystay gooshiyaal badan,

Dayaxu ma gabdhin maanu gabax oran,

Ha yeeshee gashuu degey way guduudnayd,

Ee ha gacan gelin jeer gu’ soor da’o.”

Habeenkaas, dayax buuxa oo ifkiisa iyo kaahiisu taam yihiin baa jirey oo mar alla markay codkii macaana oo circa ka yeeray maqashay, oo ayse u kala garan weydey waxa heesaayey dad iyo jinni miduu yahay, ayey fadhigii ka kacday oo beeg u sara joogsaday, iyadoo hareeraheeda iyo guudkeeda daydayeysa, markaasay tiri “war yaa ila hadlaaya? War yaa ila hadlay?” Markaasaa isla codkii ugu jawaabay “waa Cirsan-ka-yeer.” Halkaasay Iyana tiri “Cawadada helay ee maad ii timaaddid oo si fiican iigu warrantid?” Wuxuu markaas ugu jawaabay inuu warkiisii ku kooban yahay saddexda tixood oo u dambeeyey heestiisii. Haddaba in kastay dhowr jeer la hadashay oo su’aalo ku celisey wax jawaab ah kuma celin mar dambe Cirsan-ka-yeerkii.

Gooray walaacsan tahay cabsina gashay oo ay isku deyeyso inay xasuusan tahay erayadii lagula hadlay weliba saddexdii weerood oo u dambeeyey ayaa waxaa u timid Saluugla oo biyihii u sidda. Saluugli waxay aragtay inay Cawrali siyeeysantahay oo dhididsan tahay oo sidii wax kale ku soo kordheen sisaanyaheed leh.

Cawralaa, Saluugla ku tiri markay oon baxday “Saluuglaay haddan wax kuu sheego waxaad oran doontaa waxbaa kuu dhiman oo i rumaysanmaysid.” Halkaasay uga sheekaysay waxay la kulantay oo dhan, inkastaanay tixihii u dambeeyey oo ah kuwii gaar ahaan loo xusuusiyey sheegin, hase ahaatee siday u sheegtay hortiba may rumaysan warkeedi Saluugla. Markay sheekadii u dhamaysay ayey Saluugli ku tiri “waxaan u malaynayaa inaadan dhamayne ee ina keen waa goor dambe’e aan hoyannee.” Halkaasaa lays raacay oo la gurya tegey goor ay ku dhoweyd saqdii dhexe.

Dhaawacii iyo Dhiigkafuqii Cali-Maax

In kastoo la yiri Cali-Maax waa geeriyoodey, ciidankiisiina sidaas ku tiriyeen markii la waayey, raggii ugu war dambeeyeyna oo ay goobtii Gurifaras ka wada dagaalamayeen sheegeen in rasaasi ku dhacday oo uu dhaawac ahaa markii ugu aragti dambaysey.

Hase ahaatee, Cali-Maax ma dhiman wuxuuna nasiib ku lahaa in kastoo la dhaawacay rasaastii kagama dhicin meela halisa, ee waxay kaga dhacday garabka bidix hoostiisa iyo bawdada, isla barbarkaas ah oo kala jabtey.

Waxaa dhacday inuu dhabibey oo aad u dhiig baxay, waxaana dhacday in koox ka mid ah colkay Daraawiishta dagaallamayeen ay dul yimaaddeen oo nin ka midihi isku dayey inuu warmeeyo, waxse ka hor joogsadey mid kale oo ku yiri “ar nacallaa kugu yaalle raga lama bakhti wareemo hadday geeriyoodaan ee ninka dhaaf.” Halkaasaa looga tegey meyd ahaan isagoo miyir la oo taag daran dhiigiina ka soconaayo. Gooray haddaba cawaysin tahay ayuu intuu soo miyiraabey maqlay waraabihii maydkii agihiisa cunaayey cidiisii iyo faraxadiisii, halkaasuu intuu go’iisii kala goostay bawdada ku xirtay oo u guurguurtey geed Dhamasa ah hoostiis. Markuu geedkii galay buu tooreydiisii la soo baxay oo midigta ku qabsaday si uu haddii waraabuhu ama bahaluhu kuwo kasta ha ahaadee soo weeraraan iskaga celiyo, waayo buntukhiisii maara gaabka waa laga furtay, hadduu haysan lahaana waxba kuma ridi kareen gudcurkii iyo gacanta midig keli ahaanteeda aawadood.

Intay fiidaddawgii hore ahayd ma baqayn, laakiinse waxaa cabsi iyo baqdin gashay markii, dhidarkii, weerkii, shabeelkii, waraabihii, iyo habar dugaag oo dhammi hareerihiisa isku eryoodeen oo kala gurxameen marmarna intay iyagoo is baacsanaaya ag yimaaddaan dhereg daraaddeedna hadba codad kala jaad ah iyo mashxarad ku dhifteen. Isagoo sidii geedkii ugu jira ayaa waagii ugu beryey, markaasuu si fiican isu eegay meeluhuu ka dhaawacmay, kuwaasoo uu arkay inay yihiin garabka bidix hoostiisa iyo lugta la barbar ah oo bawdada ka kala jaban.

Halkaasuu qori Dhosoq ah kala jabsaday oo go’iisii sare laba u kala jeexay oo labadii jab oo qoriga midna hoos mariyey kii kalena dul mariyey bawdadii jabtay oo ku duubay jeexii marada. Dhiig baxii uu dhiig baxay maalintii la dhaawacay waxaa ugu biiray oo ugu darsamay gaajo, harraad, cidla, ciirsi la’aan iyo wakhtigoo aad u kululaa oo kaliil hogad horraantiisa ahaa.

Haddaba, goor uu liito oo uu yahay tii u dambaysey ayaa Ilaahay abbaara afartii saac ee galabnimo xaggiisa hogol dul hojey. Halkaasuu bartii roobkaa isu dhigay, markii roobkii qaadayna uu u guurguurtey iliil biyo marayeen oo ka cabbay kuna mayrtay dharkiisii, dhiigiina intii ku qalashay iskaga rogey. Intaan roobkaasi u di’in ka hor wuxuu ku jirey halis oo waaguna nolol uguma beryeen.

Galabtii markii roobku u da’ay oo uu aad u nafisey ka dib ayuu gaajo iyo baahi dartood intii geedaha geed hoose ahayd ee mirohooda la cuni jirey mirasytay, qaarkoodna in kastay qaraar dhadhamaayeen caleentoodii cunay. Intaan gabbalkii dhicin, habeenkiisii labaad oo uu dhaawaca ahaa ayaa waxaa uu muuqatay in geedkuu habeenkii hore galay meel halisa ku yaallo markaasuu hoos tegey geed kale oo meel in yar ka korraysa kii hore ku yaalla.

Bacdamaa habeenkii hore nabaradu caradhaban ahaayeen xanuun iyo kaar badan laguma qaban, hase ahaatee habeenkii labaad ayaa kaarkoodii ku soo baxay oo uu laba indhood isu keeni waayey ilaa habeenkii saddex dalooloo laba dalool tagtay. Sidii habeenkii hore si le’eg ayaa habeen labaadkiina habar dugaad wixii Cal joogey oo dhammi isugu habar wacdeen, oo uu mararka qaarkood codadkoodii iyo cidoodii kala kasi waayey jaadadkay ahaayeen. Wuxuu keliyoo ka gartay codkii libaaxa, shabeelka, waraabaha iyo dhidarka inay ka mid ahaayeen habar dugaagga meesha isugu yimid.

Haddii waagii u beryey maalin labaaddii goor barqa ahna ay tahay uuna iska ladan yahay, gaajose hayso ayaa waxay ishiisu ku dhacday hal sagaara ah oo geed agtiisa ah caleemaysanaysa. Halkaasaa waxaa u muuqatay sida keliya oo uu sahal iyo dhuuni ku helayaa inay tahay sagaaradaasoo uu dabto. Markaasuu saddex geed oo caleen iyo daaq fiican leh kuna dhowaa kay daaqaysey mid walba intuu uuba ka hoos qoday laan dayr u dhigay oo markaas in yar ka durkay.

Gooray cabbaar ka dambaysey markuu dabinada dhigay ayuu isweydiiyoo yiri “haddii Ilaahay waa karaaye uu kuu dabo hal atoora ah bal maxaad ku bislaynsan? Markaasuu intuu isla faqay isugu jawaabay waxay ka dhigan tahay quud aan jirin qoryo u guro, horta ha gasho talo waad heliye.”

In ku qiyaasan hal saac ka dib markuu dabinada dhigay ayu wuxuu xaggoodii ka maqlay wis-wis-wis-wis! Oo jalleeciddii uu aaminkiiba jalleeccay arkay hal sagaar ah oo dabinadii midkood ku rafanaysa. Halkaasuu isagoo dhutinaaya oo boodaalaysanaaya, kilkilada bidixna qori ugu jiro intii kartaankiisu ahaa degdeg u rooray oo qabtay sagaaradii dabinka gashay, wuxuuna ahaa hal atoora oo aad u shilis. Markaasuu markiiba intuu jahada u jeediyey bisinka u qabtay oo bireeyey.

Haddaba markuu gawracay oo qalay hilibkiina kala dhigay ayey ku caddaatay suu yeeli lahaa, inuu ceedhiinka hilibka ku cuno iyo inuu bisleeyo, si kastaba haw bisleeyee.

Isagoo haddaba, Cali-Maax ahaa nin yaraantiisii geel jire iyo bulsho fardood ku soo koray, ayuu dib u xusuustay waaya aragnimadiisii oo ahayd hadday mindi waayaan geel jiruhu inay dhagax Dhuxunka ah kala jebin jireen oo markaas kala jabka xanaftiisa ku gawrici jireen nirgaha iyo awrta Afkuxuublaha ah.

Iyadoo misana sida la og yahay Soomaalidu la tashato suugaanteeda iyo murtideeda markay xaajo qaraaraato ama murugto, ayaa waxaa maankiisa ku soo dhacay markuu aad uga fekeray siduu dab u heli lahaa maahmaahdan ah “nabad doon iyo cuqaal iyo culimo u dir haddaad ku wedyo waran caaraddii waa lagama maarmaan, dab doon oo aroos iyo aqal umuleed ka day haddaad ka weydo madagi waa lagama maarmaan.”

Xusuustaa uu xusuustay madagta ayuu hareerihiisa ka daydeyey dhirta madagta lagala baxo oy ka mid yihiin Dhaloosha, Dhicirta iyo Mareerka. Haddaba, nasiib wanaag waxaa dhacday inuu ammankiiba geed afar tallaabo u jira oo Mareer ah helay oo ka soo goostay laan qallalan oo uu madagta kala baxo.

Iyadoo haddaba, sida la ogyahay uu bawdo ka jabnaa madagtuna marka dab lagala baxaayo ay u baahan tahay in labada dacal ee qoriga hoos loogu qabto labada lugood, ayuu wuxuu soo qaatay dhagax weyn oo dacal ka saaray qorigii, dacalkii kalena lugtiisii midig ku adkeeyey. In yar dabadeedna wuxuu kaga soo tuuray madagtii dhuxulo ololaaya. Halkaasuu hilibkii atoorkii shishlaa dhamaca saaray oo luqmaddii u horraysey muddo lix iyo soddon saacadood ah ku dhadhamiyey. Waxaa jirtey inuu dhuuni qabatoobey oo wax badan hilibkii ka cuni waayey, hase ahaatee intuu wada bisleeyey buu intii hartay qori ku taxday oo geedkiisii la hoos tegey.

Galabtaas wuxuu ka carraabay geedkuu hore ugu hoyan jirey, wuxuuna u degel rogtey god agtiisa ah oo uu yaraantiisii aqoon jirey.

Habeenkaas amminkiiba waa ga’may, laakiinse goor habeenkii saddex dalool oo laba dalool tegey ayuu wuxuu maqlay sanqar iyo wax shamshamax leh. Tooraydiisii xiiraaga ahayd ayuu intuu midigta ku qabsaday gacantiisii bidix oo dhaawac ahaydna go’iisii ku duubay si uu ugu tabaabulshaysto wax alla wixii soo weerara. Siduu ka werwer qabay in yar dabadeed ayaa wax ku soo booday shabeel dadyahan ah, haddaba, mar alla markuu ku soo booday oo uu ku habsaday ayuu gacantiisii bidix oy maraud ku duubnayd afka u geliyey tii kalena toorraydii kaga dhiftay halkaas haabka ah oo nuftu ka dhowdahay, oo intuu hoos ugu jeexay uurkujirtii amminkiiba ka soo ridey, isla mar ahaantiiba naftii baa shabeelkii ka baxday, isagoo aan wax badan Cali-Maax yeelin. Goortuu ogaaday inuu mayd yahay ayuu doc isaga tuuray isaga oo uurkujirtiisii ka soo daadatay oo dusha kaga dhacday.

In yar hadduu laba legdoonaayey oo hurdo haba yaraatee u iman weydey, ayuu wuxuu soo xusuustay qardhaastii gacantiisa bidix ku xirnayd. Qardhaastaasoo ahayd warqaaddii gabayada jacaylka ahi ku qorraayeen oo Cawrali u soo dirtay markuu Taleex joogey, dabadeedna uu quuri waayey murtidii ku qornayd macaankeedii oo uu markaas u dahaartay sidii qardhaaseed, gacantiisa bidixna ku xirtay si uu weligii u sito. Haddaba, qardhaastii buu ka soo furay gacantiisii bidix oo intuu is hor qabtay ma furine maanka ka akhriyey gabayadii oo tixahoodii aad u damqeen markuu isu eegay waxay ugu ballan qaadday iyo wuxuu cawadaas u baahnaa. Isla markaas wuxuu ka dhadhamiyey gabayadeedii mid ka mid ah oo ku soo dugaayey “aasadan caloosha igu hayn Caliyow yeelkaaha.” Inay guhaantay Cawrali. Markaasuu gabaygan tiriyey oo uu xagna jacalkuu u hayey Cawrala ku muujiyey, xagna siduu ugu baahnaa habeenkaas waxay ugu ballan qaadday, isla markaasna ku tusaaleeyey inay geeridiis xalaal tahay oo uu jannada mutaystay, oo shaki la’aanna gelaayo mar hadduu u geeriyoodey dalkiisa, dadkiisa, iyo diinta Islaamka isagoo u dagaallamaaya, wuxuu yiri:

Ciqaabtii adduunyada, hadday caasha kugu keento,

Naftu ceelyo weeyee, haddii lagugu caansiirsho,

War calaacalkiyo waydu, waa doqon catawgeede,

Mar haddaan caqiidadii Daraawiish, cudud ku taageeray,

Oo aan ku ciidamay dalkoo, cadaw ka weeteeyey,

Oo aan ku cayrsadey kufriga, badaha cawnkooda,

Oo aan caaramuuslaha la helay, caasi iyo tuuggag,

Ku cagaajey meel rabada iyom, calaha guudkooda,

Wallaanaan u ciil qabin, haddaan cawdan geeriyoodo,

Haddaan caafimaad helo, Ilaah cidihii ii geeyo,

Oo aan Cayn iyo Nugaal tagiyo cagidi Dhooddeeya,

Cis iyo waxaan helehayaa, caleemo lay saaro,

Haddiise waraabaha ciyayoo, caga juglaynaaya,

Iyo caarcaarlahii shabeeloo, Eebbe iga caynshey,

Iyo coofadhlaheer libaaxoo, camal higgoonaaya,

Intaasoo cartami bahala, oo cirifyaday joogta,

Iyo cuur kaloo weheliyoo, ila cawaynaaya,

Ee cunay raggii daadsanaa, cadayo hoostooda,

Haddii Eebbe calaf iiga dhigaan, cidiga soo gaarin,

Oy caara dhuubta miciyeed, cadiyo jiir goyso,

Haadkuna cubbeyada hartay, ciddi ku heeraansho,

Oo aan colaad iyo jahaad, carrigow geeryoodo,

Oo aan calanka Soomaaliyeed, caanyada u diiday,

Way cawiyo Ayaan, iyo jannada, carafka weyneyde,

War caawa calooshiyo qalbiga, cudur haya weyne,

Carrab laabka guhaankii ahaa, Caliyow yeelkaaha,

Waa kaa aan la cirinciirayaa ciirsi li’idaye,

Waxeer aan cabsideer ku jiroo caaro dhabanaayo,

Haddeeray i caawimi lahayd, canab la mooddiiye,

Allow yaa cidladaan fadhiyo Cawrala ii keena,

Waxeer aan sidii cood riya’a caleenta quudaayo,

Haddeeray igu cashaysiin lahayd codcodkii dayreede,

Allow yaa cidladaan fadhiyo, Cawrala ii keena,

Cishaheer hadday sarar cusbale igu cashaysiiso,

Oy cagaha ii duugto waa, gaari camalkeede,

Ciyoon baan u dhiigfuqi lahaa, caatadaan ahaye,

Allow yaa cidladaan fadhiyo, Cawrala ii keena,

Allow yaa cidladaan fadhiyo, Cawrala ii keena,

Allow yaa cidladaan fadhiyo, Cawrala ii keena,

Goortii qoraxdii soo baxday ayuu shabeelkii haraggii kala baxay oo xayrtiisii isku shafshafeeyey, hilibkiisii sagaaradana wax ka cunay oo biyo u doontay ceelkii roobku biyaha geliyey. Haddaba isagoo maalin tobnaadkii ceelkii ka cabbaaya oo haraggii shabeelka gashan, ayaa riyo meesha yiqiin oo doonaayey inay ka cabbaan ceelka isa soo dul taageen. Riyihii baa haddaba ka diday markay arkeen ninka meesha fadhiya. Gabar riyaha jirtey oo shan iyo toban jir ah, baa waxay mooddey inay riyuhu bahal arkeen oo ka soo dideen. Halkaasay ku roortay meeshii foolkooda ahaa oy ka soo laabteen. Waxay aragtay nin ceelkii biyaha fadhiya, oo gar weyn leh timuhuna aad ugu baxeen, qaarka sarena ka qaawan oo sansaan bahal leh, oo aad qaarka hoose shabeel mooddid.

Waxay kaloo aragtay inuu ninku siyeysanyahay oo dalanbaabiyaayo markuu istaago. Isaguna araggii uu arkay riyaha ayaa naf iyo nolol ugu horraysay, markay gabadhii u muuqatayna waa ku sii farxay oo wuxuu u holladay inuu xaggeedii u ordo, waase kari waayey. Wuxuu ku yiri gabartii “gabarey maxaad sheegtay? Hana iga biqine ii kaalay oo gacan i sii waxaan ahay nin dhaawac ahe.” Gabartii cabsi weyn baa ka gashay Cali-Maax siduu ahaa, markay eraygiisii u horreeyey maqashayna taftay qabsatay oo cagta rogtey, iyadoo riyihii cayrinaysa oo leh “ba’ay oo ba’ay kanu waa bahal! Ba’ay kanu way cunin, ee aan isakaga tago!” ilaa ay ka libirtay.

Cali-Maax wuxuu damcay inuu ka daba tago, hase ahaatee way u suura geli weydey, sababtoo ahayd waxay ka degtey dhul jarar oodan ah, ee uusan mari karayn. Halkaasuu ku niyad kacay isagoo iska laasimay cidladiisii aragtidii uu arkay gabartii, oo uu misana hanan waayey inay la hadasho oo gacan siiso ugana miciinto meeshuu fadhiyey darxumadeeda.

Haddaba, in kastoo gabartii ka carartay Cali-Maax aragtidiisii horee, waxay ahayd qof waracad ah oo way qayla roor tagtay, ilaa rag iyo haween loo soo gurmadey oo halkii rabrab lagaga qaaday oo guryihii beesha la geeyey.

Wax rag ah oo muqdar ama xilkas ah waxaa beelaha joogey nin la oran jirey Warsame Warfaa. Warsame ayaa habeenkiiba u loogey Cali-Maax, aroortiina waxaa loo keenay nin bowdadii ka kaba oo aqoon fiican u lahaa sida wax loo kabo.

Markay hadhimadii ahayd oo Cali-Maax dhibaatooyinkii qabsaday warkoodii dhammeeyey, ayaa Warfaa wuxuu Cali-Maax uga sheekeeyey sheekooyin badan oo waaya aragnima ah, isagoo uga jeedey inuu illawsiiyo Cali-Maax dhibaatooyinkii uu la soo kulmay.

Wuxuu yiri Warfaa “Cali-Maaxow waxaa la yiri dumarna badhaadhahooday ka sheekeeyaan ragguna ba’iisuu ka sheekeeyaa. Anigaynga kula hadlaaya haddaan kaaga sheekeeyo waxa beri i qabsaday, taadani biyey noqon lahayd.” Cali baa markaas yiri “u malayn maayo inay taydanoo kale ku heshee, balse aan isu eegnee bilow sheekadaad sheegaysid Warfaayow.”

Warfaa baa markaas bilaabay sheekadii oo yiri “beri baa geel naga hallaabay, markaasaan aniga iyo laba nin oo aanu isku bulsho ahayn baadiddoon tagnay intaanu geela raadkiisii qaadnay. Haddaba, gooraan saddex caanamaal baadigoob ku jirney, oo intaas soolka la yiraahdo Cambuulane iyo agagaarkiisa geelii ka goobeyno, ayaa wax gaajo iyo harraad la yiraahdo na heleen in kastoo aanu cambuulaysanaynay Galoolka. Maalintii dambe gooray naftii na hayso ayaa waxaanu kob ka hellay dhal yar oo biciid, halkaasaanu amminkiiba biraynay oo dabka saarnoo ku cunnay.

Haddaba goor ay tahay casarliiqii ayaanu xagga galbeed ka maqallay reen iyo gurdan xoog leh. In yar ka dibna waxaa na soo galay waxaanu u malaynay libaax ordaaya. Araggii aanu aragnay oo isha la hellay waxa soo ordayaa inuu libaax yahay, ayaanu saddexdayadiiba geedkii aanu hoos fadhinay isku rarnay. Waxaa nasiibdarro ahayd in saddexdayadii nin, nin naga mid ahaa geedkii soo kori waayey, oo uu halkaas amiinkiiba annagoo u jeedna libaaxii ku qabsaday, in yar dabadeedna laf ma’ahee aanu cad ka reebin.

Waxaa naxdintii aanu ka naxnay ninkii noo weheliyey nagagana darnaaday waxyaalihii uu libaaxii habeenkii nagu sameeynaayey, ani iyo ninkii kale, waayo hadba intuu geedka kor ugu soo boodo ayuu gurxan iyo reer isku daraayey. Mararka qaarkoodna waxaad moodaysey inuu isku dayaayey inuu geedka rujiyo si aanu uga soo dhacno. Siduu habeenkii oo dhan noogu taagnaa ayaa waagii ku beryey, markaasuu naga tegey goortay ahayd qiyaastii barqo gaaban.

Aniga iyo ninkii aanu geedka ku wada joognay ee la oran jirey Mirre ayaa haddaba is waraysannay markuu naga tegey libaaxii, waxaana noo muuqatay inuu bahalku libaax lab ahayne, laakiinse ahayd baranbaarqo dhashay oo irmaan, taasoo aan ku rumeeyey markaan Mirre weydiiyey su’aashan oo ku iri “war Mirre maxaa baranbarqada ina ku ibtileeyey?” Wuxuu iigu jawaabay, Ilaahow nimaan wax ogayn ha cadaabin, war miyaadan ogayn ilmahaynu shalay qalannay oo aynu dhasha biciid moodney inuu ahaa cagabaruur ay dhashay baranbarqadu.” Waxaan ku iri side baad ku ogaatay, markaasuu iigu jawaabay “Warsamaw waxaan ku ogaaday waad xusuusantahayoo ilmihii anaa gawracay oo qalay haddaba markaan haragga ka bixinaayey ayaa waxaa ii muuqday inuu caga bahal leeyahay, waayo biciidku sida ugaarta kale laba ciddiyood buu leeyahay, kanise shan farood ayuu afarta addin ku lahaa, markaa arkayna waan iska qariyey bacdamaa aynu gaajoonayney. Waxaanna ogaaday maalintaas iyadoo aad iyo aad loogu fiirsado ma’ahee inaan la kala sooci karin dhasha biciidka iyo dhasha libaaxa markay aad u yaryar yihiin. Waxa kaliyoo inta badan lagu kala garan karaana ay yihiin addimada farahooda oo aan isku tiro ahayn.

Haddaba, markaan saas ogaaday baan waxaan xusuustay jeeniqaar cagabaruurkii ah, oo aan geedka degdeg ula soo koray nadxintii, halkaasaanu isagii kala goosannay, maalintii oo dhanna geedkii baanu sidii ugu joognay.

Goortay casar dheer ahayd, ayey sidii si le’eg gooshii iyadoo ay la socdaan laba aar soo ciyeen oo geedkii hoos yimaaddeen. Habeenkaas labaad waa habeenkay noogu darrayd oo libaaxyadii oo dhan ayaa xooggoodii isugu geeyey geedkii inay lulaan. Haddaba goortay ahayd habeenkii gelinkiisii dambe, ayaa lulooyaa iyo baqayaa mooyee ninkii labaad geedkii ka dhacay oo ku dul dhacay libaaxyadii. Wuxuu la kulmayna waad malaynaysaa. Haddaan keligey raggii ka haray oo waagii saas iigu beryey maalintii labaadna geedkii dushiisii sidii u saarrahay oo aan naf iyo nolol ka quustay, waxa keliya aan filayeyna ay ahayd gabbalkoo ii dhaca oo libaaxyadiina sidoodii isaga yimaaddaan, Ayaan intaan bisinkii Ilaahay cuskaday Yaasiinka Qoraankana oo aan kor ka hayo akhristay il Ilaaahay iga badbaadiyo dhibaatadii i haysatay. Cali-Maaxaw waxaa la yiraahdaa, bisin Allan in bilaabay belaayo uma timaaddo.

Waxay kaloo Soomaalidu tiraahdaa, naftii Ilaahay bixinaayo ninna ma joojin karo tii aanu dilaynna libaax labadiisa daan ayuu ku badbaadiyaa. Haddaba, gooray hargalkii ahayd ayaa beelo hayaan ahi ku soo beegmeen geedkaan saarraa. Markii aan arkay awrtii geeddiga ahayd iyo xoolihii ayaan damcay inaan u qayliyo dadkii, hase ahaatee waan kari waayey inaan labada debnood kala furo. Iyadoo haddaba aan waxaan sameeyo garan waayey ayaa xagga Ilaahay gabar gashaantiya geedkii soo ag martay oo raqdii meesha tiillay dareen ka galay. Markaasaan intaan laan qallalan jebiyey ku tuuray oo madaxa kala helay. Markii qorigii gabartii madaxa kaga dhacay ayey tiri “hayaay tolow ma samadaa layga dilayaa.” Markaasaan mar labaad ku tuuray mid kale oo uu horteeda ku dhacay, kolkaasay dareentay in geedka cidi ku joogto oo i soo eegtay, amminkiibana jalleeciddii u horaysey ayaa isheedi igu dhacday inaan geedka saarrahay. Halkaasay intay dadkii u qaylisay geedkii la iga dejiyey oo si fiican la ii dhuunyey. Muddo dabadeedna waxaan guursaday gabartii geedka iga heshay si aan ugu abaal gudo. Gabartii shalayto ku heshayna waa gabadheedii curad oo aan anigu aabbeheed ahay.

Haddaba, Cali-Maaxaw in kastoo ay dhibaato weyni ku heshay laba hal oo aniga ila kulmay kumay helin. Waayo taan u horraysa meeshaad sagaarada ka cuntay waxaan anigu ka cunay dhal libaax gaajo daraaddeed, oo weliba baranbarqadii dhashay igu soo dul joogsatay anoo wax ka dubanaaya. Tan labaadna in kastoo aad sheegtay inay bahaluhu hareeragaaga gurxamaayeen oy maydadkii kale ku cunaayeen agtaada, hase ahaatee weli maad arag libaax intuu labada jeeni kala rogay saaxiibadaa oo hortaada hadba intuu miciyaha daro cantuugo rudho, oo aad calaliskiisa iyo curduqda leqiddiisa sax iyo maan u maqlaysid.”

Cali baa markaas hadalkii qaatoo yiri “horta Warfaayow waa runtaa oo anigu dhal libaax gaajo daraaddeed uma cunin, rag jaallayaashay ahna hortayda libaax kuma ruugin, laakiinse waxaan kuu sheegayaa inuu shabeelku ka belaysan yahay libaaxa, waayo waxaa la yiri, shabeel baa beri libaax ku yiri, libaaxow bal ama boqon nin la xoog noqo, ama boqol nin la xirrib noqo. Markaasuu libaaxii wuxuu doortay inuu boqol nink la xoog noqdo, halkaasaa shabeelkiina la xirrib noqday boqol nin.

Sidaas awgeed baan shabeelka meella loogga baxsan karin, oo geed haddaad fuushid waa kuugu soo korayaa, haddaad kal ama meel biya ah ka gashidna dabbaal buu kuugu imanaayaa. Markaas waxaa cad inuu shabeelku ka khatarsan yahay, oo ka khayaano badan yahay, oo ka xirrib dheer yahay libaaxa xoogga iyo lixaadka ku faana.

Welwelkii iyo Walbahaarkii Cawrala

Waxaa welwel, walbahaar iyo walaac Cawrala geliyey heestii cirsan-ka-yeerka, khaas ahaan saddexdii tixood oo u dambeeyey heesta ee ahaa:

Dayaxu ma gabdhin, manuu gabax oran,

Ha yeeshee gashuu degey, way guduudnayd,

Ee ha gacan gelin, jeer gu’soor da’o

Iyadoo ay u muuqatay Cawarala in tixaha heestani yihiin xaal ku shuqulle xiddigaha, ayey waxay u sheegtay geeladeed Saluugla inay la doonto qof xiddigiska aqoon dheer u leh oo fura tixahaas micnahooda. Hadday maalmo goobaayeen xiddigiye, ayaa maalintii dambe waxaa loo sheegay inuu jiro nin Darawiishta ka mid ah, oo aad uga baaraandegey xiddigaha iyo maluugada iyo cilmi curaafiska. Halkaasay Cawrali cid u dirtay ninkii loo tilmaamay oo gurigoodii ugu yeertay gooray fiid hore tahay. Waxse dhacday inay ka naxday filidda aanay filayn inuu xiddigiyuhu noqodo Darawiishkii Bile oo farriinta uga keenay Cali-Maax, markay Darawiishtu duulaan uga soo baxday Xarun. Isla mar ahaantii Cawrali dareen kama qabin inuu Bile yahay ninkii habeenkii geerida Cali-Maax loogu soo warramay oo ay xeebta keligeed ka heesaysey, uga jawaabay heestay hadda doonayso in loo micneeyo, dabadeedna cirsan-ka-yeerka isugu sheegay intuu koray meeshay fadhidey meel ka korraysa oo dhagax dushiis ah.

Waxaa jirtey in Bile iyo Cali-Maax ay aad iyo aad rafiiq u ahaayeen, Bilena uu ahaa ninkii geerida Cali-Maax Cawrala u sheegay habeenkii hore, haddaba markuu warkii geerida u sheegay Cawrala habeenkaas, bile kama tegin Cawrala’e kor ayuu ka ilaalinaayey ilaa uu cirsan-ka-yeer isugu sheegay markuu uga jawaabay heestay ku calaacalaysey, isagoo isla mar ahaantii tusaalaynaaya mabaadiida Darawiishtu inay tahay inaan nin Darawiish ahi mar haddii jahaad dalkiisa ugu jiro oo uu gaalo la dagaalamaayo aan la oran karayn hadduu jahaadka ku dhinto waa geeriyoodey ee la oranaayo wuu janna tegey.

Cawrali intay shah u karisay Bile bay si fiican u dhoweysey, oo intaanay xaajaday ugu yeertay u furfuran sheeka dheer, iyo arar ka bixisay dhibaataday iyadiyo Cali-Maax soo wada wareen, markay doonnidu la degtey iyo siduu gacan ugu geystey oo baddii kaga soo bixiyey. Cawrali waxay aad ugu dheeraatay inaanu xaggeeda Cali-Maax ahayn nin la illaawi karo. Waxay kalo raacisay inay hadduu geeriyoodana si kastaba ha yeeshee ay dul tegayso qabrigiisa iyo halkuu ku naf baxay.

Cawrali waxay ku tiri Bile “Bilow horta anaa kuu soo cid diray waxaanna doonayaa inaan caawaa aad kuugu xog waramo dabadeedna aad ii furtaa heestaan kuu sheegi doono, waayo waxaa laygu yiri aad baad ugu fogtahay cilmiga xiddigaha iyo maluugadaba. Heestanaa habeen dhoweyto ayaa anoo cidla iska fadhiya oo heesaaya ruux aanan arkayn tixraacay heestaydii oo ku soo dujey heestiisii saddexdan weerood oo aan kuu sheegi doono. Haddaan waraystayna inuu kay isu sheego ruuxii wuxuu i yiri “waxaan ahay cirsan-ka-yeer”.

Bilaa hadalkii qaatay isagaan isu sheegin inuu isaga ahaa ruuxa heesta tiriyey ee cirsankayeerka isugu sheegay. Wuxuu yiri “waa runtaa Cawralaay oo aad baa la iigu xantaa cilmayadaad sheegtay, is faaninna maayee wax baan ka aqaan, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa xiddiga sheeg cirka kaaga xeel dheer, xaryan wadowna badda kaaga xeel dheer, markaas waxaan filayaa inaan xaajada kaa murugtay intaan oddoroso kaa dherginaayo, ee bal si fiican oo tifaftiran iigu sheeg heestaad sheegtay miraheeda.”

Halkaasay u sheegtay heestay ku heestay habeenkay badda ag tagtay iyo heestii cirsan-ka-yeerku ugu jawaabay. Wuxuu yiri Bile markay dhammaysay heesihii “waa tahay Cawralaay i maqal haddii arrintu intaa yahay wax dhib leh ma aha’e. heesta cirsanka-yeerku waxay tusaalaynaysaa haddaan sangaabta soo qabto, inanu Cali-Maax geerina ahayn nololna ahayne ee uu gal dhiig ah dhex yaallo. Marka gu’soruhu da’ana war sugan baa laga helayaa. Haddaan sii faahfaahiyana waa dhaawac dhimasho looga tegey, waase dhiig fuqayaa. Wuxuu kaloo raaciyey intaas Daraawiishkii Bile inuu isku deyaayo inuu bal xagga iyo bari u waraysi iyo baadidoon tago, oo ay Iyana Cawrali intaas samir iyo iimaan sii yeelato.” Cawrala waxay tusaalaysay inay intay samir yeelan karayso samrayso, laakiinse ay ka cabsi qabto in nin loo arooso, iyadoo aan weli Cali-Maax geeri iyo nolol midna ku hubsan.

Wuxuu ugu dambaystii ku yiri “waxaan Cawralaay kaala dardaarmayaa inaadan arooskaas yeelin wax kastoo dhaca, haddaad soo baxsan kartidna u soo baxso galbeed ama Nugaashaas fog oo aan cidihiinna xeebaha degaa soo gaarayn. Midda kale haddaad ciyoon war iga weydid markaan bari tago waxaan aadayaa xaggaas iyo Xaruntii Taleexe ogow.”

Halkaasa Cawrala iyo Darawiish Bile lagu kala tegey, oo Cawrala laysku soo haray Saluugla. Cawrala markaas ku tiri “Saluuglaay waadigii Darawiishkii maqlaayey ilaaddiisiiye, waxayna Soomaalidu tiraahdaa, saaxiibka ama saanec kuu ahaa ama sabab kuu ahaa’e waxaad ka soo talisaa saddexda hal midaan falo, inaan kudaalo, oo u kaco xaggas iyo galbeed fog iyo dhul aan la gaagaynin, oo duurgal bahal dibadeed noqdo, iyo inaan ninka la sheegaayo ood xaalkiisa ogtahay oori u noqdo, iyo inaan sidii kale oo ay ka fursanweydo yeelo?”

Markay Carwali hadalkii dhammaysay ayaa Saluugli ku tiri “waa tahay Cawralaay dhammaysay oo xil weyn baad i saartay, oo waxaad i tusaalaysay inaan haddaan saaxiibaddaa runa ahay tala habboon ku siinaayo haddaanan ahaynna ku habaabinayo, haddaba, waxaad i siisaa ila saaddambe si aan uga soo fekero, waayo waxaa la yiri, hadday degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana kiish lacagay dhalaan, markaas aan ka baraandegee taladaas iga sug.”

Cawrali waxay sheegtay inaanay waxba ka qabin muddaday Saluugli qabsatay, in kastay ku adkaysay inay soo dhakhsato, sababtoo ahayd waxay cabsi ka qabtay inay waxyaala kale, oo lama filaan ah, oo aanay ka tabaabulshaysan ka soo hormaraan taladay codsatay.

Nasiibdarri, siday ka baqaysey, ayey la kulantay oo aroortiiba aabbeheed baa u yimid oo ku yiri “Cawralaay waa innagii is ogeyne sow wixii lagugu sheegaayey oo jacaylku sheegga ahaa kaama bixin intaan cidaha ka maqnaa. Midda kale waxaan filayaa inaad sidaan isku ogeyn aad diyaar u tahay in lagu arooso marka gugu da’o.” Wuxuu kaloo ku yiri “Ninkaan ku siiyey waad ogtahayoo waa nin maalqabeen ah oo marriin, masruuf, mood, madhax iyo wixii mulug adduunya ah buu ku mihiibsiinayaa. Waxaana ninkaas laguu siiyey xigsiisan ahaan markay gabartii kaa weyneyd ee walaashaa ahayd ka dhimatay.” Wuxuu kaloo ku yiri “waa inaad shaydaanka iska naartaa oo ninkaas xoolaha aan sheegay kugu derejeynaaya guriguu seexan lahaa cawskiisii, kebdihiisi iyo wax alla wixii lagu xardhi lahaa sii abidaa.”

Cawrali aabbeheed wuxuu kula hadlaayey oo dhan labada dibnood uma kala furin oo eray uma celin, waxse uurkeeda ku soo dhacay markuu ninka maalkiisa, moodkiisa iyo maal adduunyahuu qabo ka sheekaynaayey inay waxyaalahaasi yihiin waxyaalihii geeladeed Saluugla aabbeheed sababay oo hunguriga ka soo ridey kuna kallifay inuu inantiisa siiyo oday geed labadible ugu xirta oo if iyo aakhiraba seejiyey.

Waxay kaloo xan ku maqashay inuu ninku yahay nin qorqode iyo xilagube ah, oo geeridii walaasheed wax laga saaraayey, inay u dhimatay nabaro uu hangool ku gaarsiiyey maalin uu dilay.

Ugu dambaystii, in kastaanay codkeedii kor u qaadin oo aabeheed maqashiin, waxay iskula faqday oo uurka iyo maanka oo wada jira ka tiri “Allahayow qaraaraa nimaad qaweddey guurkiisu, Allahayow qaraaraa quud aadan cunidiis dooneynin, Allahayow qaraaraa nimaan qalbigu raacaynin, Allahayow qiyaamaha ka daran qarqode guurkiisu, Qaadirow Ilaahow qisaasteer iga badbaadi.” Goortay ereyadaas cabbaar uurka kaga maansaboliday oo aabeheedna weli doc fadhiyo ayey ku tiri “abbe waadigii intaad adigu i oran lahayd yiree, bal afaraydan iga dhegayso.”

Maalqabeenka geeliisa ramag, madar ku maalaaya,

Oo muluggii adduunyada qaboo, midigta loo saaray,

Nin micnaha magaalada yaqaan, yey maskabi dhaamaa,

Magalooti jaahila, oo haddana madax taagaaya,

Oo haddii muran idin dhex maro, meel ku jebinayaana,

Ninki birimagaydada yaqaan, yey maskabi dhaama,

Maangaab aan aqoon iyo lahayn, madadka haasaawe,

Oo mugdi habeen gudahayoo, marin habaabaaya,

Oo aan maraaciga haween iyo muxibadood haynin,

Oo aan miligiyo maansa gabay, mira ka sheegaynin,

Oo sida Maax waa maahire, mayey u horaynin,

Inaan meel cidla ah weytamaa, yey maskabi dhaanta,

Muudal weeye iyo nimaan, muqdarba ahayne,

Oo magligiyo hangoolayntu, waa meheraddiisiiye,

Waa wixii makalay weeladay, milaygii dayreede,

Murwana daryeelkeedu, waa xil iyo maamuuse,

Mar hadduu manfacii hunguri, mee ii oranaayo,

Inaan meerto guumays noqdaa, yey maskabi dhaanta,

Malabkiyo macaankiyo wixii, mid iyo maaheera,

Maantaas haddii lay wacoo, la i mihiibsiiyo,

Maalaydaa dacartoon rabaa, yey maskabi dhaanta,

Aabbow maqaan iyo waxaad moogtahaa badane,

Oo intaasoo masalooyinaan, maragsanaayaaye,

Haygu meherin aabbow, nimaanan muxibbadiis haynin,

Haygu meherin aabbow, nimaanan muxibbadiis haynin,

Haygu meherin aabbow, nimaanan muxibbadiis haynin,

Bacdamaa Cawrali u dhalatay waxgarada aqoon leh cilmigana ay heer fiican ka gaartay, waxay damacday inay aabbeheed oo aan garasho iyo aqoonba la gudboonayn, gabaygaas ku fahamsiiso inay qiime iyo ahamiyad siinayso ninka raganimadiisa, wax garadnimadiisa, aqoontiisa ku saabsan dhaqanka guurka iyo daryeelidda ka dhexaysa ninka iyo murwada u dhaxda. Laakiinse, aanu maalku fara kasta ha lahaadee waxba ku fadhiyin haddii rukunnadaas guurka salka u ahi ay kala dhantaalan yihiin. Isla markaasna waxay si tafaftiran u tusaalaysay inaan guurka milgihiisu daduuc iyo afduub ku habboonayn ee uu ahaado kalgacal, iyo jacayl ka dhex dhasha labada ruux.

Ayaandarrise, aabbeheed ma fahmin ula jeeddadii gabayga Cawrala, markaasuu intuu gambarkuu ku fadhiyey kor uga boodey oo kor u dhawaaqay oo yiri “wegerey! Ma taasaad keetay? Oo waxaan ku waaninaayey waad ka sii dartoo dibi dhashay? War Dalmarow iyo hooyadeedey bal kaalayoo dhegaysta waxa gabartan waalatay Ilaahay afkeeda ka keenay.”

Qayladii uu odaygu qayliyey ayaa waxaa u yimid hooyadeed iyo walaalkeed Dalmar, iyo dad kale oo cidhii deriskooda ka mid ahaa. Haddaba, intii odaygii iyo hooyadeed iyo dadkii kale isku buuqayeen ayey Cawrali ka dustey aqalkii iyadaan la ogeyn, hase yeeshee in yar dabadeed yaa la tebey inay maqan tahay, markaas walaalkeed lagu yiri doon hadday ku diiddana keen iyadoo labadible u xiran. Sidii la faray Dalmar amminkiiba Cawrala waa soo helay wuxuu gurigii ku soo celiyey iyadoo labadible u xiran.

Halkaasaa inta tiir aqalka dhexdiisa ah la qabadsiiyey labadible loogu xiray iyadoo ilmadu ka tililikh leedahay, hooyadeedna ku halaahalayso “tanu quus weeye oo belaa la tagtay ee ha la furdaamiyo hana loo kitaab furo intay goorigoor tahay.”

Kolkay hadhgalkii ahayd ayaa ciddii oo dhami isugu timid gurigii, oo hadhimadii halkaas lagu cunay. Waxaa ka mid ahaa dadka ka soo qayb galay hadhimadii Cawrala adeerkeed, oo Cawrala aabbeheed u cid diray si uu ugala tashado bal wixii Cawrala laga yeeli lahaa. Adeerkeed wuxuu ahaa nin abwaan iyo waaya arag ah, aminkiibana markii soortii la soo dhigay ayuu Cawrala xarigii ka furay oo ku yiri “adeer Cawralaay i maqaloo agtayda soo fariiso soortan wax ka cun, waayo baahi inaad qabtaa indhahaaga iiga muuqata.”

In kastoo adeerkeed si wacan oo raxmad leh u soo dhoweeyey iskuna deyey inuu soortii cunsiiyo, Cawrali laba iyo saddex jeer keliya oo dadduuc ah ayey gacanta gelisey xeeradii Mooliga ahayd ee soortu ku jirtey.

Haddi hadhimadii la dhamaystay, ayaa Cawrala iyo adeerkeed laysaga tegey, oo loo faq daayey si uu uga baaraandego gabarta lagu yiri quus baa laga joogaa. Wuxuuna hadalkiisii ka bilaabay isagoo aad u araranaaya oo beerlaxawsanaaya Cawrala “Cawralaay adeer ugu horraystii waxaa filayaa inaan caad kaa iga saarrayn inaan ahay adeerka aabbahaa la dhashay oo naas la nuugey, maalintaad dhalatayna anaa ku soo baalleeyey, Cawralana kuu baxshay, markii kaa la iigu bushaareeyey.

Midda kale waxaan ku xusuusinayaa inaan anigu sabab u ahaa cilmiga iyo aqoontaad soo baratay markaan aabbaa kula taliyey inuu dugsi Cadan kaaga daro. Intaas waxaa ii raaca, waxaan maqlay inaad diidday ninkii xoolaha badnaa ee xigsiisanka laguu siiyey, taasina mid lagaa filaayey ma’aha, waayo dantaada iyo tan reerkiinna midna ma’aha.

Aniga qudhayda wuxuu iigu ballan qaaday, haddaad oggolaatid ninka lagu siiyey inuu i siiyo sidig geela. Haddaba maandheey ciroole guudka ka caddaaday baan ahee ha igu gacan sayrin, oo waxaadna ogaataa in la yiri saddex baa adduunyada laga waraystaa waxna laga weydiiyaa. Saddexdaas oo ah, uurku ciroole, adin ku ciroole iyo oogo ku ciroole, aniguna saddexdaas baan isugu jiraa ee yaanay waanadaydani kula fududaan oo inkaari aniga iyo labadaada waalid kaaga nagaga dhicin. Tan ugu dambaysa miyaadan maqal gabaygan waanada ah:

Ma ogtahay ikhyaarkii ku raba, inaan la iska eedaynin,

Ma ogtahay abaalkiisu, waa inaad addeecdaaye,

Ma ogtahay ninkii uumiyaha, la ibtilaynaayo,

Ma ogtahay wixii khayr leh, baa lagu adkeeyaaye,

Ma ogtahay adduun nimaan lahayn, laga ilwaad roone,

Ma ogtahay dadkuba haatan, waw iima tiriyaaye,

Ma ogtahay inkaar waalid, waa eebo kugu taale,

Ma ogtahay ishiisaa ka daran, ololkii naareede.

Maandhey hadal wuxuu qaaya lahaa waanana lahaa kuu dhammeeyey, ee inaan Alla ku qaadin arrinkaas ha nagu diidin.”

Cawralaa markaas hadalkii qaadatoo tiri, “adeer waad ku mahadsan tahay waanadaad ii soo jeedisey, waxaanna ogsoonahay inaad wanaag ma’aha’e xumaan ila jeclayn. Waxaan kaloo leeyahay intaad gabayga ku sheegtay oo dhan waxba ka jira, laakiinse tixdii ugu qiima roonayd oo ahayd, ma ogtahay aqoon nimaan lahayn waa Allaw sahale, ma ogtahay markaad eray tiraahduu kugu ilaaqaaye.” Baa laga yaabaa inaad ula kac carrabka ugu dhifan, iyadoo suura gasha inay kaa tahay inaad qiimaynaysid waxyaalaha kale oo tixaha aad sheegtay ku jira, laakiinse aadan daryeelayn ahamiyadna siinayn aqoonta dadka u ah ifkii iyo ilayskii inta ifka iyo adduunyadan lagu nool yahay. Si kastaba ha kaa ahaatee hadalkaad i tiri waan ka soo fiirsanayaa go’aan buuxana wixii aan ka yeeli lahaa saaddambe iigu kaalay. Halkaasaa Cawrala inta adeerkeed nabadgeliyeeyey ku yiri “Cawralaay waad mahadsan tahay arrinkaasna aan kuugu imaaddo adoo niyadsan oo aanu ku noqosho iyo wax iska weydiin dambe lahayn.”

Cawrala iyo adeerkeed saasay ku kala tegeen, isagoo, isagu aad u faraxsan, Iyana ay aad uga murugaysan tahay ballan qaadka ay ballaanba qaadday inay ka soo fiirsanayso waxay ka yeelayso arrinkuu ula yimid.

Aroortii bay Saluugli u timid iyadoo taladay Cawrali weydiisatay ula socota. Haddii in yar lays nabdaystay ayey Saluugli “Cawralay anoo kula jeclaa inaad heshid ninkaad jeclaatay misna haddaan fekeray oo xag walba ka eegay waxa ila noqotay inaadan dhaafin wixii waalidkaa rabo, waayo waxa la yiri “haddii aad weydo waxaad doonaysid wixii dani ku baddaa la yeelaa.” Tu kalena waxaa iyana la yiraahdaa, hawadaaduna been bay kuu sheegtaa hantidaaduna runtay kuu sheegtaa markaas, sidaas darteed haddan xag walba ka rogay arrinkaas wuxuu iila ekaaday inaad been haweysatay oo nin aynaan ogayn runtii inuu nool yahay iyo in kale baad noloshaadii oo dhan ku xirtay. Intaas waxaa ii raaca oo aan so ogaaday inuu Cali-Maax gabar aroostay amminkiiba markuu halka ina kaga tegey oo Xarun galay, markaas maxaa kaaga maskab ah ninka aynaan ogayn inuu horta nool yahay, hadduu noolaadana rugtii arooskiisii cusbaa iyo minweyntiisii aan hurayn. Midda kale waxay tahay, haddii Eebbahayba kiin isu calfo miyaad naag kale oo eynigaaga ah dangalo u noqon karaysaa? Aniga taasi wey ila qaraar tahay oo wax murwo uga derjo liita marjirto, markay dadab naagi uga horraysey ka daba gasho. Tan u darri oo aan soo xansaday waxay tahay in warqaddaad u dirtay foolxumo ka raacday markuu akhrisan waayey oo uu dhiibay soddogiis iyo seeddigiis oo halkaas xaal gola jooga ah lagaga qaatay wixii aad warqadda ugu qortay. Haddaba ma ninka hadalkaagii macaanaa oo qiimaha lahaa xaalka ka bixiyey baad wax ka sugaysaa? Waxaa Cawralaay la yiri, ruuxii aan quus aqoon, isagaa quus ah, Cawralaay in kastoo aan aabbe iyo hooyo ina wada dhalin misana waxaad ii tahay walaashay dhaba ah, markaas sidaas darteed taladaydan ha fududaysan, waayo waxaan kaala baxsanayaa inaad reerkiinna ka dayrsantid oo aad nolol xun ku waartid.”

Cawrali hadaladaas iyo talooyinkaas aanay ka filayn Saluugla aad iyo aad bay u damqeen, oo welwel iyo walaac u geliyeen. Laakiinse in kastoo ay ka dhadhamisay in hadalada qaarkood run ahaayeen, misana waxay ku adkaysatay oo goosatay, iyadoo adduun irrid walba kaga soo oodmay inaanay guurkiisa oggolaan ninkaas Geelle la yiraahdo. Waxay kaloo goosatay inay adeerkeedii ka sugaayey jawaabta sidaa ugu sheegto, inay go’aan ku gaartay inaanay oori u noqonayn Geelle nin kaleba ha joogee. Markay saas goosatay ayey Saluugla ku tiri “saan kaa filaayey ma yeelin oo tala nacab baad ii soo jeedisay, laakiinse aduun baa dad oo dhan iigu sokeeyee ha iga ag fogaan.”

Saluugli waxay ka ballan qaaday inaanay ka fogaanayn, halkaasaana lagu kala tegey goorey tahay casar gaaban. Sidii ballanku ahaa arootii dambe, gooray tahay xigsiintii, ayaa adeerkeed u yimid iyadoo keligeed ardaaga fadhiga oo gacanteed midig murdisadeeda dhulka ku xardheysa. Ugu horreystiiba marku adeerkeed bariidiyey wuxuu ku yiri “maxaad Cawralaay gegida u fadhaysaa ma hawl kalaad weydey, mise arrinkaan isla ogeyn ayaadan weli go’aan ka gaarin?”

Waxay ugu jawaabtay adeerkeed afareydan, iyadoo tusaalaynaysa inay weli diiddan tahay in loo dhiso ninkay diidaysay, waxay tiri:

Haddaan lay garaabayn, haddaan idin garwaaqsiyo

Oo aan Layla garanayn waxier, gama’a ii diidey

Gartay weeye Naallow inaan, gegida jeexayey

Guurkii diidey nimaanan rabin, gogol wadaaggiisa

Guursi diidey Geelliyo nimaanan, gacalnimey hayne

Oo go’aankii ku siiyey, adaa gebegebayn doona.

Adeerow godkaad ila rabtaan, gudcur madow weeye

Guuldarrooyin hay badin iyo geesaas haweenaadka

Oo garba duubka iga daa ayaanan, uruga geeriyoone.

Markay tixahaas dhammaysey ayaa adeerkeed ku yiri, “maandhey maxaad hadalkaas u tiri, midda kale waxaan ku leeyahay, in kastoo ay tixahaagaasi meel i damqeen, misna waxay lagama maarmaan noqon weydey inaan laguu jixinjixin, oo dhakhso arooskaagii loo dhammeeyo.”

Siduu ku ballan qaaday Cawrala adeerkeed, amminkiiba aabbeheed iyo hooyadeed buu hadalkeedii u sheegay, wuxuuna ku dhiiri geliyey labadeedii waalid inaan dheg loo dhigin hadalkeedaase jujuub iyo garbaduub si degdeg ah lagu aqal geliyo.

Arooskii Cawrala loo Aroosay Geelle

Markii lagu heshiiyey wixii ka dhacayaa ha ka dhaceene, in Cawrala garbaduub loogu dhiso Geelle Geelbadane, ayaa isla mar ahaantiiba waxaa degdeg loo bilaabay qabanqaabintii arooska, iyadiina waxaa loo qaybshey oo la dul dhigay dad ilaaliya si aanay u baxsan.

Waxaa kaloo dhacday in ninkii Geelle oo aan magaalada joogin loo cid diray inuu muddo yar ugu soo tabaabulshaysto arooskii Cawrala, oo uu muddo dheer sugaayey, marna ayba dhacday inuu ka quustay, oo ka samray guurkeeda.

Afar caanamaal kaddib, ayaa Geelle soo galay magaaladii Xiisxarrago, isagoo hangool ku garba rogan, oo boqol geela iyo baarqabkoodii yarad u wada. Geelana waxaa ku jirtay sidigtii uu ugu ballan qaaday Cawrala adeerkeed.

Intii arooskii la qabanqaabinayey Cawrala aad bay uga murugaysneyd garbaduubkaas loo garbaduubay Geelle, isla markaas jacaylkii hayey sidii iyo si ka daran ayuu ugu kordhay.

Haddaba markay u caddaatay inaanay innaba sina uga fikan karayn xaalkaas, ayey midab doorsoontay oo waxay qurux iyo dhalaal u dhalatay maaley iyo catir u ekaatay.

Waxaa dhacday haddaba, habeenkii la meherin doono habeenkii ka horreeyey, ayey Cawrali ku riyootay oo manaan lagu tusay, iyadoo Cali-Maax aroos ugu ah meesha la yiraahdo Mashacaleed, oo dhalinyaro iyo waayeelba loo dabbaaldegayo, cayaarta shirbaha la yiraahdo oo barigaas caanka ku ahna loo cayaaraayo.

Mashacaleed waxay ku taallaa jarcaleedka hoostiisa oo ah meel ku dhow Gurifaras oo ah meeshii Cali-Maax lagu dhaawacay, markuu duullaankii Darawiishta ku jiray, waana meel il biya qabow ka soo baxayaan leh, oo darayo harac macaani oo da’ weyni ku yaalliin.

Cawrala arooskaas buuxa oo ay riyada ku aragtay, looguna dabbaal degey, oo waxay Cali-Maax jacayl iyo kalgacal u qabtey oo dhan la mahiibsiiyey, karkiisiina ka dhacay, waxaa ugu war dambeysey markay soo baraarugtay oo haahaabatey hareereheeda mise waa waxba kama jiraan iyo meel cidla ah. Cawrali habeenkii intii ka hartay laba indhood isuma keenin, oo siday u soo jeeday ayaa waagii ugu galalac yiri. Cawrali intii ay ilgalaclaynaysey oo soo jeeddey habeenkaas dhawr jeer bay ku soo dhacday inay fikato oo guura gasho ilaa bari guntiis, misna way walwalaacday oo la ahaan weydey inay saas yeesho.

Aroortii gooray tahay xigsintii, ayey Saluugloo u soo wareegtey ku tiri “Saluuglaay, haddaan kuu sheego arooskaan xalay riyada ku galay oo lagu dabbaaldegey waxaad oran doontaa waa waxaagii oo iga rumaysanmaysid.” Markaasaa Saluugli ku tiri “anigu waaba yaabbanahay sidaad u xusuusan doontid riyadii xalay, waayo riyada amminkiiba waa la illaawaa, balse wax iiga sheeg ku oran maayo waa waxaagiiye.” Cawralaa markaa hadalkii ku noqotoo tiri “Saluuglaay tani midaan ilaabi karaayo ma ahee, bal dhegeyso tixdaydan gaaban oo magaceedu yahay, muxibbada riyada uun ahay muhashadeedayba, oo aan ku tusaalaynaayo waxaan la kulmay iyo waxaan ku arkay oo dhan, waxay tiri:

Matakhayey marsada Laasqoraan, muujey daaraha’e,

Oo miridhaan ku maray Maydh, iyo marinkii dheeraaye,

Dabadeed Mashacaleed u kacay, madanti weynayde,

Muslin haddii aynu nahay, magaydu waa ceebe,

Muftigiyo mashaayiikhda diin, mariye qiilkiiye,

Oo masalooyin waajiba halkaas, Cali maqbuuleeye,

Oo min aroosa lay geli, anoo lay mashxaradaayo,

Murwo iyo wixii madad lahaa, lay marxabadeeye,

I maaweeshe dhallintii shirbaha, muraansey qaadeysey,

Oo wiilkii Muraysiga ahaa, midigta lay saarye,

Oo Masar xariir iyo milmilah, i maraanmariye,

Mahad Eebbe weeye hurdadii, dhab u macaantey,

Oo maaxaan u jiidh go’ay jannada, miraha yaad quudnay,

Majarogadka mawijada gabliyo, maayadaha raacay,

Marmarna daruuraha cirkiyo, samada meehaabay,

Anigoo wixii iga maqnaa, la i mahiibsiiyey,

Oo maansha Allaahiye fadhiya, meelaan garanaayo,

Oo mafsuuday raaxada adduun, miridho weeyaane,

Ku mir kacay anoo meel cidla’a miyir la’aan jiifa,

Oo muusareenka iyo deedda dhici, maansha dhaxamaysan,

Muxibbada riyada uun ahay, muhashadeeday ba,

Malahayn manaamkii xalay baa, malihii beenaane,

Malahayn mayeygii da’ay baad, oon ku maalliyey,

Muxibbada riyada uun ahay, muhashadeeday ba,

Milay guurka xiddigaan tirsaday, ururkii ii muuqday,

Malahayn mareeg baad u geli, micile aarow’e,

Muxibbada riyada uun ahay, muhashadeeday ba,

Wixii aan mardaaddiyo ladnaan, miyir dekeynaayey,

Malahayn malabkaad heshaa, maaleey u doorsoomi,

Muxibbada riyada uun ahay, muhashadeeday ba,

Waa mugaal jacayl laga arkaa muraayad kuu dhowe,

Waa mangaade dhalanteed sidiisoo, lagu minhaadaaye,

Muxibbada riyada uun ahay, muhashadeeday ba,

Waa macaan iyo qaraar haddana, meel ku wada yaalle

Waa wax maahi kaa dhiga, markii lagugu maageero,

Ninkuu miray ayaa male yaqaane, mur iyo deebaaq dheh,

Markay Cawrali dhammaysay gabaygaas ayaa Saluugli ku tiri “Cawralaay waa riyo la yaab leh riyadaad ku riyootay xalay, laakiinse waxaa ku xusuusinayaa ama riyood ama ha riyoon caawa waa lagu aroosayaaye ogow.” Halkaasay Cawrali ku quusatay markay haba yaraatee calaacalna ka weydey Saluugla oo ay dad oo dhan isugu kalsooni dhowaayeen.

Siday Saluugli Cawrala ugu dardaarwerisey inta maalintii oo dhan arooskii la qabanqaabiyey, iyadoo Cawrala hadhimadii la siiyey luqmadi ka degi weydey, ayaa goortii gabbalkii dhacay la aqal geliyey iyadoo cagaha jiidaysa oo in kastoo duunkeedu joogay aan naf iyo nolol toonina ku jirin oo hammi iyo qammi la madoobaatey.

Waxaa kaloo jirtey in xummad iyo darbad xoogle lagu qabtay maalintaas ay aroos gelaysey, hase ahaatee aan looga jixinjixin ee lagu guri geeyey iyadoo si daran u darbadaysan.

In kastoo Cawrala arooskeedii loo dabbaal degey oo cayaaro, iyo wacdaro xoog leh loo sameeyey si loogu raalli geliyo, misana waxaa nasiibdarri ahayd waxaan murugo iyo urug ahayni ugama kordhin, jirradii ay la aqal gashayna waa ku sii korodhay ilaa ay ugu dambaystii ku kalliftay ninkii loo aroosay inuu isaga celiyo reerkoodii markay baanashadeedii iyo xannaanaynteedii dhibaatooyin ku noqdeen.

Markay sidaasi dhacday oo Cawrala loo celiyey cidaheedii iyadoo weli sidii u jirran, ayaa ahaladeed wixii wax garad ahaa is tuseen in Cawrala nolosheedu halis ku jirto haddaan wax laga qaban. Sidaas aawadeed baa markaas Cawrala laga furay isagaan weli hanan ninkii lagu khasbay oo aanay jeclaan, kalgacal, niyad, iyo nafsadtoonna u hayn in loo arooso oo ay oori u noqoto. Waxaana loogu ballan qaaday in meesheedii laga siin doono gabar Cawrala ka yarayd oo walaasheed ahayd.

Geelle waxaa ku khasbay inuu si hawl yar Cawrala ku sii daayo oo ay madax bannaanaato kaddib markay bukaan iyo jirro ka bixi weydey, werwerkuu ka qabay dhegxumadii hore uga raacday walaasheedii ka weynayd oo wax laga saaraayey inuu isagu sababay oo ay u geeriyootay nabar uu ku dhiftay doogtiisii, oo ay markaas dheg xumo labaad iyo geeri ku noqonayso hadday Cawralina ku geeriyooto iyadoo weli gurigiisa joogta.

Markaas sidaas aawadeed ayuu u yeelay inuu iska sii daayo Cawrala, halkeediina laga siiyo gabar kaloo ka yarayd.

Geeridii Cawrala iyo Baroordiiqii iyo u Ducayntii Cali-Maax

Markii Cali-Maax dhiigkafuqay oo uu ku bogsaday gurigii Warsame Warfaa uuna damacsan yahay inuu aado Cawrala iyo magaalada Xiis oo ay deganayd, ayaa nasiibdarri loogu soo warramay in Cawrala la aroostay muddo yar horteed. Aad iyo aad buu Cali-Maax warkaas uga murugoodey oo uu fallaar ugu noqday. Wuxuuna goostay inuu is illaawsiiyo oo iskaga samro Cawrala mar haddii la guursadey oo ay soddohowday.

Waxaa jirta oo caadooyinka iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo qotada dheer ka mid ah, in mar haddii gabar la guursado, oo ay soddohowdo inaan ninna xumaan iyo samaan soo hadal qaadi karin, haddiise innaba nin ku kaco oo uu gabar la guursaday yiraahdo waa jeclahay, ama waa jeclaa, waxaa la saaraa xaal.

Haddaba, Cali-Maax isagoo Cawrala jecaylkeedii aad ugu dheer yahay, ayuu isagoo daryeelaaya dhaqanka iyo caadooyinka Soomaaliyeed iskaga samray Cawrala oo iska dhaafay soo hadal qaadkeedii, si aan berry ka maalin loogu ceebayn ruux murwa ah, oo la qabo hadan haynteeda.

Iyadoo ay haddaba, sidaas tahay oo uusan Cali-Maax weli Xarun iyo Taleex iyo reerkiisii dib ugu noqon ayaa goor aroorya ah nin xaggaas Xiis iyo Maydh ka yimid ugu warramay in Cawrali sakaraad noqotay mar alla markay guri gashay, dabadeedna ninkii aroostay laga furay oo ay madax bannaan tahay. Markuu Cali-Maax saas maqlay ayuu farriin ah in Cawrala la siiyo u diray cidaheedii, waana loo soo oggolaaday inuu guursado in kastoo ay weli jirranayd.

Haddaba waxaa nasiibdarri ahayd in Cawrali ka soo toosi weydey nabarkii lagu dhiftay maalintay aroos gashay, oo siday sidii bukaan ugu ahayd ku geeriyootey magaalada Xiis maalin maalmaha ka mid ah iyadoo aanay weli Cali-Maax hanan, in kastoo lala socodsiiyey in loo oggolaaday inay ooridiisa noqoto. Waxaana hadal ugu dambeeyey intaanay naftu dhaafin tixdan gabayga ah oo ay u sheegtay geeladeed Saluugla oo dhanta ku haysey. Waxay tiri:

Naftu waa macaan tahay intay, mala awaalayso,

Wa maqaama weyn tahay intay, maasha talinayso,

Ha yeeshee, masuubada heshaa, magaceed waw hooge,

Jacayl waa macaan yahay intaad hayso midhihiise,

Waa muusiiqa raaxa leh intaad, milaygii dhawraysid,

Ha yeeshee, haddii uu ku miro, mililkii waa hooge,

Cali way macaanaa markuu, midigta ii laadshey,

Waa mahadshay araggiisi hore, mayey la moodkiiye,

Ha yeeshee, markaan muuqii gabay, maqalkii wey hooge,

Mar haddaan waxaan mohanayiyo, mudanihii waayey,

Micne maleh adduuyadu haddaanan, maahad ku waarayne,

Mootkoo i dilaa ka roon, miiska aan ahaye,

Waxaa haddaba dhacday, in Cali-Maax loo sheegay geeridii Cawrala goor fiid hore ah, isagoo ceelka la yiraahdo Badhan oo ay weli Daraawiishi degganayd jooga, warkaasi Cali-Maax wuxuu ku noqday fallaar oo kale oo muddo saacada ah, ayuu aamusnaa oo eray qudhi ka soo bixi waayey urugo daraadeed.

Habeenkaas Cali-Maax wuxuu u ahaa habeen baas oo uu tiiraanyo iyo telel la ledi waayey, oo waagiina ugu beryey isagoo sidii u soo jeeda. Markii waagii beryey oo ay weli barqo gaaban tahay ayuu fardihii ka soo dhex qabsaday faras xamar ah oo jilba madow. Waxaa dhacday haddaba, in niman jaallayaashiis ahaa ay weydiiyeen meeshuu faraska u heensaystay, halkaasoo uu u sheegay inuu aadaayo naxariistii jaana alla sidii qabrigeedii oo uu u soo ducaynaayo una soo qoraannaqaayo mar hadday jacaylkiisa dartiis Cawrali u geeriyootay oo u god gashay.

[Cali-Maax oo loogu soo warramay inay Cawrala geeriyootey, dabadeedna isagoo ku jeeniqaaran haraggii shabeelka, faras u heensaystay inuu u soo duceeyo gacaladiis, isagoo ay u wehelyeelayaan niman kaloo Daraawiish ah.]

Markuu saas u sheegay jaallayaashiis ayaa afar iyagii ka mid ahi yiraahdeen “waa ku raacaynaa Caliyow oo kuu wehelyeelaynaa ilaa meeshaad ku simeysid oo gacaladaa taal.” Halkaasaa Cali-Maax oo ku jeeni qaaran haraggii shabeelkii uu dilay iyo afartii nin oo kale fardihii loo koray. Isagaana ugu horraystii faraskii uu ku joogey nadagii ugu hor dhiftay oo booddadii faraskii boodeyba geeraarkan ku qaaday. Wuxuu yiri:

Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee

Xamarow xakama diidow, xanfar duulay la moodyow,

Xawaaree orodkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,

Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

Warka xeel laga keenay, waa xabiibtay go’dee,

Xamarow xakama diidow, xanfar duulay la moodyow,

Xawaaree orodkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,

Xaq laygu lahaa, iyo xus baan dhigayaaye,

Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee,

Xamarow xakama diidow, xanfar duulay la moodyow,

Xawaaree orodkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,

Qalbigay xanafoonoo, xummad bey derdertee,

Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee,

Xamarow xakama diidow, xanfar duulay la moodyow,

Xawaaree orodkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,

Xabadkaa i dakaamoo, waan xabeebsanahee,

Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

In kastoo la xiddeeyo, aroos loo xaradheeyey,

In kastoo xoola badnaa, iyo xiriir loogu hagoogey,

Xirribtii indhahaygiyo, xubnahaygay ahayde,

War xiskii i dhinnaayo, Xadeed weyn ku habaabee,

Xamarow xakama diidow, xanfar duulay la moodyow,

Xawaaree orodkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,

Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

Halkaasay Cali-Maax iyo afartii nin oo u weheliyeelaysey oo fardihii ku wada joogay ka dhexeen hal habeen meeshay ka tageen oo ahayd meesha la yiraahdo Badhan ilaa Xiis.

Waxay Cali-Maax iyo jaallayaashii la socdey galeen magaaladii Xiis, gooray tahay maalin Khamiiseed makhribkeed. Mar alla markii la ogaadey nimanka magaalada soo galay oo fardaha watay in Cali-Maax ku jiro, ayey Saluugli amminkiiba u tagtay Cali-Maax oo ugu warrantay siday Cawrali u jeclayd una sheegtay heesahay iyo gabayaday u tirisay oo dhan, isla markaas waxay u sheegtay sidii laysugu tegey Cawrala oo nin loogu guuriyey aanay raalli ka ahayn, dabadeedna isagoo aan ninkii lo dhisay weli hanan, ay jacaylkaaga iyo kalgacaylkaaga Cali-Maax u geeriyootey.

Halkaasaa Cali-Maax habeenkii diyaariyey wanan iyo geel uu ugu Quraan naqo iyo wadaaddo u duceeya oo Quraanka tirsigiisoo dhan ku dejiya aroortii. Habeenkaas Cali-Maax waxay u ahayd habeen baas oo laba indhood haba yaraatee isuma keenin ilaa waagii ugu beryey siduu u soo jeedey.

[Cali-Maax oo gacaladiis Cawrala qabrigeedii dul fadhiya oo uga jawaabaaya warqaddeedii jacaylka ahayd, duco iyo baroordiiqna uga qoraaya warqadda dhinaceedii kale.]

Aroortii oo Jimca ahayd ayuu markaas ugu Quraan naqay laba tuldood iyo wanan badan. Saladdii Jimcena waxaa lagu dul tukadey qabrigeedii. Hadaba, markii salaaddii la tukedey oo la salaamadaysanaayo, ayuu Cali-Maax ka dhex kacay raggii oo intuu qabrigeedii xagga madaxa ka fariistay gacantiisa bidix ka soo furay qardhaastii ugu xirnayd. Qardhaastaasoo ahayd xaashideedii jacaylka oo ay ugu diray Cawrali markuu Taleex joogey dabadeedna uu murtidii ku qorrayd macaankeedii u quuri waayey inuu tuuro dabadeedna uu sidii qardhaaseed u dahaartay oo gacanta bidix ku xirtay.

Halkaasuu intuu warqaaddii sida qardhaasta u duuduubnayd kala bixiyey, qalinna la soo baxay oo dhinaceedii kale kaga qoray jawaabtuu Cawrala xaashideedii uga jawaabayey. Wuxuuna ku qoray laba gabay oo uu midna ugu baroordiiqaayey midna ugu ducaynaayey. Wuxuu yiri:

Cawralaay gacalo,

Cawralaay johorod baad ahayd, jamatay laabtaydu,

Waxaad ahayd jannadaan rabo, jawda uu lahaaye,

Hayeeshee, jacayl waxaa ka adag, calafka jaangoyne,

Cawralaay, naxariistii janna Alla siiyey, hoygii jannada Alla geeyey. Ilaahay raxmaddiisa ugu roonaayey, waxaad iga guddoontaa anoo uurka iyo laabta kaaga ooyaaya salaan kalgacal oo kasha iyo laabta ka soo go’day.

Midda kale waxaan kaa baryayaa oo kaa codsanayaa

inaad i saamaxdaa oo haddaan naftaada sa[…]

raalli ahaataa, waayo maalintaan badda kaa s[…]

saacaagaan ahaa maantana geeridaadaan sab[…]

ahay.

Cawralaay dabayshaday dorraade, deri ma geeriyootay,

Daartii aakhiro la hubiyo, degelkii mow fooftay,

Oo ma dardaarankii aad tiara, dacar i leefsiiyey,

Mar haddaad Cawralaay geeriyootay oo aakhirow hoyatay anaad igu dhaaftay jacaylka dhiifihiisii iyo doogihiisii.

Ogoobey jacayl dihashadiis waa dab iyo naare,

Ogoobey waa soo duxanayaan, daqaradiisiiye,

Ogoobey waa doog aan lahayn, daawo iyo baane,

Waxaan ahay Cawralaay, nin ogsoon ama dareen ka qaba inuu sababay naf uu daawadeeda hayey, oo markaas damiirkiisa dab iyo shiil lagu hayo oo ka qoomamoonaaya sagleelihii iyo saymihii dhacay oo uu masuulka ka ahaa.

Ogoobey damiirkiyo qalbigu, way damqanayaane,

Ogoobey dam baan ahay indhaha, daalaadhacaynaaya,

Ogoobey anigaa dulmiyoo, dilay xabiibtaye,

Ogoobey anigaa deldeloo, dembi i haystaaye,

Ogoobey deyn baan qabaa la iga deynayne,

Oo waxa deyradaa dhigayba, waa dib u dhacaygiiye,

Cawralaay haddaan axadho xaajada anoo dembiga iska leh oo aanan cudurdaaranayn, misana waxaa u masuul ahaa saymihii dhacay waxaadan ogayn intaad ifka joogtay oo kaa dahsoonaa. Waxaasoo ahaa wax la yiraahdo aqoondarri oo aniga buro ii ahayd, oo aan ogaa

[…] aan xaasnidaada helay. Waxaan maalintaas

[…] inaanay doqonniimo iyo dullimimo kale jirin

[…] aqoondarri ahayn.

Cawralaay ninkaan deelka, iyo daalka kala soocin,

In kastuu dircoon yahay, haddana doqonnimow dhowe,

Ogoobey aqoondarridu, waa dulliyo leellele,

Waa darxumo iyo xoog ninkay, dacalka saartaaye,

Waa danqaare waaweyne, haddaan laga digtoonaanin,

Ogoobey daacuunkiyo ka daran, dabargo’iisiiye,

Sidaad ogsoon tahay, waxaad Taleex iigu soo dirtay xaashi jacayloo qaaya leh, oo aanay murtidii ku qorrayd macaankeedii iyo miraheedii innaba wax la quuro ahayn. Xaashidaasi waxay igu taftaaftay jacayl iyo muxibbo iyo kalgacal aanan hore kuugu hayn. Waxse nasiibdarri ahayd Cawralaay, aqoondarridayda aawadeed inaan akhrisan waayey xaashidii oo aan markaas u dhiibey niman aanu deris cusub ahayn oo aan keen isla doonayn. Waxayna xogtaydii la ogaadey i geyeysiisey in bari guntiis la iga tuuryeeyo meeshaan Xiis iyo meeshaad degganayd ka soo beegi lahaa.

Bari markaan tegeyna duullimaadkii Darawiishtu Ingiriiska ku kicinaysey baan qayb weyn ka qaatay, hase ahaatee intaanan xeeb iyo doonyihii wax ka qabsan ayaa lay dhaawacay oo mayd ahaan la iiga tegey. Muddo dheerna oo aan ka soo geyoon waayey waxaan ku noolaa cidla ciirsila, oo calafkaygu iyo cuntadaydu ahaayeen caleenta iyo miraha Caleed. Waxaana wheel ii ahaa habar dugaag oo dhan, habaar qabaha shabeelna habeen buu i miroo haaro iga jeexay anoo tii Ilaah jooga oo bawda ka jaban. Si kastaba ha ahaatee, wax kastana aan la kulmee Ilaah iga soo badbaadi dhibahaas i helay, laakiinse waxaan uga jeedaa oo ay sabab u yihiin Cawralaay dib u

dhicii aan dib kaaga dhacay oo ku soo g[…]

taan aroos aadan raalli ka ahayn laguu hoyn […]

Cawralaay wey qoommamiyo ciil aanan ka […]

rayn inaad jacaylkayga dartiis u geeriyooto.

Warqaaddii daboollayd, markii daaha laga qaaday,

Oo dareenku galay uumiyaha, duq iyo waayeelka,

Ogoobey dul iyo laga tuur, deliya dhaadheere,

Daraawiishta heegani, markay bari duleeydaysey,

Hadaan dayr la ii dhigin, ama dabin la ii qoolin,

Ogoobey daryeel iyo aroos, iyo dereg ma weydeene,

In kastaan dagaal iyo ku jirey, dullan iyo weerar,

In kastay i dershayn, kuwaan deris wadaageyney,

Ogoobey anigaa dayacay, dahab la mooddiiye,

Wixiise daayinkay qoray ayaan, abid ku deyneyne,

Nin Darwiisha waa lagu yaqaan, dirirta gaalaade,

U daryeel dalkaagii hadday, daano iga gaartey,

Duur waxaan ku noolaa beryoo, debedda meeraayey,

Wixii aan caleen daaqayeyoo, doogga guranaayey,

Bowdada waxaan duubayayoo, keli is daaweeyey,

Dabaysha iyo fooraha waxaan, degel madoobaadey,

Wixii aan atoor dilanayoo, dabin u tuuryeeyey,

Wixii aan dab waayayoo la baxay, madag intaan doontay,

Wixii aan biyaha doonayoo, oon i dili gaarey,

Derbi dhagax waxaan xaartayoo, keli is duubaayey,

Dabaxiir shabeel ahi wuxuu igu dul meeraayey,

Denbi kuma lahayn Cawralaay, dib u dhacaygiiye,

Ogoobey Cawralaay, in kastoo hadda adiga iilka laguu hooyey, inaanu jacaylkii ku helay madi ahaaneynin ee uu aniga igu reebayo diifihiisi iyo hiirtaanyooyinkiisii oo aan lagaba yaabin inaan muddo dheer ifka kaaga dambeeyo.

Ogoobey haddii diririku dhaco, dayaxu gaadowye,

Ogoobey haddaan daaqu bixin, duunyo la cayrowye,

Ogoobey waxaan ka danbayn, laba diraacoode,

Afartaasi waa iga dubnixid, dharigu hayn waayey,

Oo aan deegaye gacaladay, ugu baroordiiqay,

Afar kalena waa iga duce, balaan daliileeyo,

***

Cawralaay, samadoo onkodaysiyo salaanbeyda hilaaciyo sibbaakhayli la moodyey, Soodhowaadka waagiyo qoraxdoo soo bixi doonta sagaalkeeda lahayday, Suuge iyo Manaayoo sarmeweydo ku hoortay iyo saxaansaxada uduggeeda lahayday, Sanqaroorka qoraa iyo suunniya biciida lahayday, Siijeedkii dhisnaa iyo soojeedkii qummanaa iyo shabeelka socodkiisa lahayday, Sinnaanta Maraagiyo dhererka Siiqa lahaydey Soogaanta darmaanoo gu’sooraha daaqday sideeda guudku saynax ahaayey, Gudguduudka, Sagaaro soohdintaa sararteeda midabkeedu sansaanyey Sida Weylasubkana subaxdii wirwiraaya Soomaali hablaheedu qurux bey ka sinmaane sedbursiiyo lahayday, Quruxdeedu sugnayday, siraadkii indhahaygow, Si wanaagsan u seexo, oo malaa’igtii safsafnayd iyo sallallahu rasuulkii ku sagootiye hee dheh.

Cawralaay marna saacaaga ahaa, marna sababtaada ahaa, marna saacaaga ahaayoo markii aad saxariirtay oo aan sacabbada kugu qaaday, markaas saacaaga ahaa, marna sababtaada ahaayoo, godkanaad silic jiiftid anigaa sababtiisa ahaa, oo waa sed Eebbe qoree iga saamax ahow, oo ducadayduna waaye.

Seeskah Hiddada Soomaalida

SEESKAH HIDDAHA SOOMAALIDA
The Basic Traditional Education in SomaliaSomali Version
MUUSE GALAAL
MUQDISHO
Ogost, 1969


QAYBTA RUKUMMADA: (THE TITLES OF THE MAIN FACTORS)

i. Aqoon
ii. Xurmo waalid
iii. Xurmo culimo
iv. Dul iyo dad wad
v. Edab iyo Xishood – Xarraggo iyo Gobannimo
vi. Muslinnimada
vii. Wax-sheegnimo
viii. Dawo
ix. Garta
x. Dal iyo dad aqoon
xi. Hiyir iyo Hubsiino
xii. Feejigo
xiii. Waddaninnimo
xiv. Samir iyo Calool-adayg.

QAYBTA IYO SEESKA MURTIDA: (CATEGORICAL LITERATURES ON THOSE FACTORS)

1. AQOON

1. Ilaahay adduun ha ka baryin ee aqoon ka bari. (Hiddo)
2. Nin waliba kaskiisuu kor-tagaa. (Hiddo)
3. Aqoon yar edeb ku kaalmayso; itaal yarna asaboob. (Hiddo)
4. Waxaan ha deyine waxa ka shisheeya day. (Hiddo)
5. In dheer garato ragna waa ku yar tahay; haweenna kumaba jirto. (Hiddo)
6. Waayeel ha gurina ee wax aqoon gura. (Suldaan Diiriye Raage)
7. Nin rag ahna geel daaqsiintii baa wax loo mariyaa, doqonna qaanso kurkurkeed. (Hiddo)
8. Nin waliba kaskiisuu kor tagaa. (Hiddo)
9. Nin waliba intuu gaadhuu gooyaa. (Hiddo)
10. Rag aqoon talo-gal. (Hiddo)
11. Wale rag waa nooli
12. Nin aan waxa soo socda garani, waxa jooga ma garto. (Hiddo)
13. Dhar hu ma’ha ee aqoon baa hu ah. (Hiddo)
14. Ilaahow aqoonta ha naga habaabin; (Hiddo)
15. Nin dalleensan iyo naagahaa loo dedaa hadale; diirkaan ka garan xaajadaad, dabaqo saartaane. (Qamaan Bulxan)
16. Dushaan kala faqaa niman haddaan war u daliilayne (Salaan-Carrabey)


Waxaa la yiri afar nin baa walaalo ahaa. Nin wuxuu ahaa Caalin, ninna Geesi, ninna Deeqsi, ninna Abwaan. Afartii nin baa is qabatay. Waxay isku qabteen taladii reerka.

Caalinkii baa yiri, “Talada ha lay daayo, maxaa yeelay idinku caammaad tihiin. Nin caamma ihina waa nin indhoola. Aniga diintaan aqaan. Kolkaa waa inaad aniga talada ii deysaan.”

Markaasaa Geesi kacay. Wuxuu yiri, “Nimanyahow waa ogtihiinoo anigu geesi baan ahay. Nin alla ninkii soo duulana warankaygaas baan geliyaa. Haddaan aniga layga cabsanayna waa horaa laydin dhici lahaa. Kolkaas haddii aan anigu ahay ninkii idiin daafacaayey, dee waa in aniga talada lay daayaa.”

Deeqsi baa soo booday, wuxuu yiri, “Bal horta aniga deeqsi baan ahay. Waxaad ku dhaqantihiinna waa gacantayda. Iyada ayaa ragna idinka jeedisa, xirsixidhna idin ah. Maantayna rag ayaa hunguri ama il idinku dili lahaa. Kolkaa waa inaad aniga talada ii daysaan.”

Abwaankii oo u dambeeyaa kacay. Wuxuu yidhi, “War hooy bal saddexdiinuba saddex nin oo loo baahan yahay baad tihiin. Midkiinna lagama maarmo. Waxaase jira saddexdiina ninba meel gaar ah ayuunbuu wax-ka-qabashadeeda yaqaan ee reer ma wadi karo. Wadaadow adigu hanuuniyaad tahay, Geesiyow daafacaad tahay, Deeqsiyowna sooraad tahay. Aniguse dhammaantiin baan ahay. Ninka isku kiin wadaa waa aniga. Cilmi waa maxay? Dee waa caqli la ururshey. Geesina? Dee ka dirira uun maaha ee dhul badanoo kalaa iyana geesinnimo u baahan. Deeqina aqoon bay u baahan tahay. War aniga talada ii daaya.”

Afartii nin way heshiin waayeen. Markaasay aguugeen oo wax kala saara doonteen. Degmay u tageen. Waa u warrameen. “War na kala saara.” Degmadii waxay tidhi, “Bal waa tahaye Weeshu libaax affarran bay leedahay, habeen walbana qof baa loo xidhaa. Dee awel degmadaa habeenba qof u xidhijirtaye, dee caawa haddii Eebbe idin keenay horta ninkii iska soo saara.”

Sidaadii la yidhaa afartii libaax isa soo taagtay. Dadkii degmadana wayska dareeray. Hadday dhiillaabeen oo shib la yidhaa Abwaan kacoo yidhi, “War Caalin, diin inagaga akhri.” Suu ye, “Maantaruu libaaxu leeyahayoo, soo dhaaf.” Suu ye, “War geesi.” Suu ye, “Hubba ma sito.” Suu ye, “War Deeqsi!” Suu ye, “Qudheydaaba gaajaysan.” “Ma wada diiddeen? Bal hadda iga eega.”

Libaaxyadii buu ku jeestay, “War waa afarta libaax annagu nin waa idiin soo saaraynaa. Ninkase cad la yidhaa ‘Johorad’ oo cimriga dheereeya ayaa ku jira. Bal idinkuna kii calkaa cuni lahaa soo saara.”

Markaasaa gooshi soo booddoo tidhi, “Waa aniga.” Markaasaa aarkii dhirbaaxo qaadayoo dheg iyo dhaban fujiyey oo meesha ka tuuray. Say halkay isku qabsadeen. Cabbaar markay dirireen baa baranbarqadiiyarayd e dhaddigeyd tidhi, “Waa ani.” Markaasaa yarkii kale dhirbaaxo qaadoo dheg iyo dhaban jebshey. Markii afartii libaax labiyo labo isu qabsadeen buu yidhi, “War haye hadda intay qaybsanyihiin ee is haystaan idinna geesta kala gala.” Markaasay dusha kaga dhufteen oo afartiiba dhinteen. Dabadeedna degmadii baa soo baxday. Waxaa la yidhi, “War kiinnee shaqadaan fiican qaatay.” Waxay yidhaahdeen, “Abwaan.” Markaasaa la yidhi, Abwaanow lagu boqor; dunidana adigu u tali.” Halkaasaa Abwaan taliye ku noqday.


XURMO-WAALID (Respect for Parents)

1. Ilaahow wixii I dhalay ha cadaabin. (Hiddo)
2. Nimaad dhashay kuma dhalin, dhowaantaad u qabtana kuuma qabo. (Hiddo)
3. Nin waalidkiis noolyahay qosol uma bannaana. (Hiddo)
4. Waalid weedh xun laguma cesho. (Hiddo)
5. Ilaahow dadka aabbiyo hooyo. (Hiddo)
6. Aabbahaa iyo hooyadaa mid hal cadaabo afkaa ka hala haysa. (Hiddo)
7. Nin hooyadii guri kaga guuray, aayadii uma negaado. (Hiddo)
8. Habaar waa Alla maagid; oo inkastaad eray jaani iyo aweytuu qarisaan; ood ku wada dhuumataan, ninkaan waalidkii eray xun odhan, ehelu naar maaha. (Kete-fiqi)
9. Xabaalo waalid baa xoolo laga helaa. (Hiddo)
10. Nin walba habartii waw hal madheedha. (Hiddo)
11. Waalid-inkaar. (Used more commonly than its opposite, “Cuqle-waalid”)
12. Habaar waalid haankuu duudsadaa. (Hiddo)
13. Nin habaar waalid qaba hilin lagulama baqdo. (Hiddo)
14. Ishii waalid lagu deyey e tan biqin, ka lagu deyeyna hore waalidkii ugu deyey, oo kayd u yaal bay ahayd. (Hiddo)
15. Dhul waa waalid, Waalidna waa wixii la gashadaa. (Hiddo)
16. Nin dhashiisa arkow waalid ma wax loo dhirfa baa? (Hiddo)
17. Ninkii waalid quudhaa, wuxuu qoomammeeya, Markuu qoodhiyo xero ka deego ee uu labadiisa qar midna qaadan waayaa. (Hiddo)


XURMO-CULIMO (Respect for Religious Leaders)

MUSLINNIMADA

a) Weerdigiyo shahaada inaan weheshadaa weeye.
Weysada salaaddeed inaan waaxidsado weeye,
Wannahaarka soon inaan soor, wasna cunin weeye,
Waxaddayda maal inanan dago, waxar ku dayn weeye,
Wixii waajiboo idil inaan, wada gutaa weeye,
Waqfigii saxabiga inaan, waafaqsado weeye,
Wacad Eebbe iyo dhaar an maray, inan wafayn weeye,
Waalle beena abadkay inanan, welefedayn weeye,
Haddii aanan waalayn inaan, waabsanahay weeye,
Wallays iyo nin weyn inan xurmada, wada simaa weeye,
Nin i soo waciidsaday inaan, wax u lillayn weeye,
Wayi iyo wax-siin inaan Islaan, ugu wadaa weeye,
Wadaadkii kitaabboleh inaan, wan u qalaa weeye,
Welaalis inan meel dugoon ugu wadhaa weeye,
Walanqaha iyo dhayada inuu walamsadaa weeye,
Ina walabbanoo kale inaan, weger idhaa weeye,
Wax i sii hadduu yadhi inaan, waran daraa weeye,
Walbahaarka aakhiro inaan, wax u tabcaa weeye,
Waxsanoo an docniyo inaan, wax xun nacaa weeye,
Wagashnimo mafiicnaa e inaan, wabar noqdaa weeye

Sayid Maxamad


Degmo idil dad maal yaal ninkii, dux iga soo moodey,
Dug maanaa ka odhan kara bakhayl, derejo loo waaye.

Koor-Jaan


Saddex hal wayga maan dedan,
Ninka maranti doora leh,
Ee tu kale u marase tegey,
Ninka maal adduunyo leh
Ee marti Nebi kadhan dhigay.
Garta lays mocoorriyoy
Ay laba markhaati oogeen
Ee mooyi mooyi laga naqay.

Hiddo


Bakhayl nin maaha. – Maxamuud Cali Qablax

Beenlow waa fallalow. – Hiddo, Cabdullaahi Qarshi

Haddii murti kale oo ku saabsan Islaamka loo baahdo, ha la dhigto:

  • Gabayga Salaan ee ka bilaaba, “Cabdiyow wadeeciyo adduun, way ka bixiqaaye.
  • Gabayga Cismaan Sharmaake ee ka bilaaba, “Isinka Allaa…
  • Gabayga Sayid Maxamad ee ka bilaaba “Nin Ilaah yaqaan oo sharciga…

WAX-SHEEGNIMO (Being an Expert)

(I) Taawisha Roobka: (Weather Forecast)

(A)

  • Dab-shid, (Dab-tuur, Nanriish , Kalaguur, Is-tun)
  • Dab-shid ilaa dab-shid – 365 habeen
  • (Always 1st to 4th August)
  • Axal: og, war xaggee cirka axashiisu fadhidaa sannadka?

(B)

  • Sabbuux jimce laba ka weydaa wankaa-qaladle.
  • Awrkaa-qalad.
  • Diin iyo dameer-qalad.
  • Laba maalisley.
  • Laba maylinley.

(C)

Xiddig habartii waa waabberis, Wabbay ku bilataaba,
Ama weysha qala, bay ku odhan, way tabaaq dhigaye,
Ama weelka culo bay ku odhan, iyo wac iyo aabi.

(D)

Dambasamo wacaalkiis la qaayaa cir waakaday leh.

(E)

Bilo-Dirir iyo bilo dambasame.

(F)

Dirir-Gu: (Burco system)

  • Toddob, ama Hubar Adhi
  • Daydo, Amminla ama ceel-ka-geeye
  • Seerma-weydo, Sammuulad ama Fushade
  • Adhi Caseeye
  • Dirir Sagaare

II. GODAD: (Lunar stations)

Siddeed iyo labaatan godood:

  • Qadan
  • Distan
  • Laxo
  • Laax-Oor, Cadaad ama Galgaal
  • Agaali-Cas
  • Agaali-Cad
  • Afaggaal
  • Naaf-Cadde (Qambaar)
  • Naaf-Madoobe
  • Tar
  • Majin
  • Kuxdin-Awr
  • Naaso-Gaallo
  • Dirir
  • Garbo
  • Layaxow
  • Gudban
  • Lib-Cas
  • Khoorrey
  • Mareego-Dheer
  • Madhan
  • Faruur-Cirir
  • Jed-Kabaarre
  • Jed-Dhiriqle
  • Jed-Gaanale
  • Jed-Durruqle
  • Duugaanti ama Duugato
  • Farangaag
  • (29 iyo 30) Dulbad (laba habeen)

III. UUGTA (Planets)

  • Qorrax
  • Dayax
  • Dhayl-Guduud ama Dusaa
  • Maqal-Xidh-Xidh ama Maxaro-Xidh
  • Saxal
  • Mariikh
  • Cirjiidh, Gobdhawr ama Saxal-Cadde
  • Kurjub

IV. BILAHA MAGACYADOODA: (Somali names for the 12 months)

  1. Sako ama Dago
  2. Rajal-Hore ama Naal-ma-doone
  3. Doone Rajal-Dhexe Ban-Dambe
  4. Rajal-Dambe
  5. Bil-Dhurro-Hore ama Safar
  6. Bil-Dhurro-Dambe ama Mawliid
  7. Sabbuux ama Aw-Cismaan
  8. Waabberiis ama Aboowsan
  9. Soon
  10. Soon-Fur
  11. Sidataal
  12. Carafo ama Arrafo

V. XIDDIGAHA CAANKA AH: (The most significant stars and constellations)

Hal-Toddobaaddo, Wadama-Xooro; Jaah, Jiitin-Cirir, Awr-Cir, Ximin, Xoomir, Dirir-Dirir-Dhawr, Dambasamo, Dhex-ka-shilis (Moodiyo Sagal)

VI. XILLIYADA: Seasons

  • [Xilli Gu]
    • Gu
    • Xagaa
  • [Xilli Jiilaal]
    • Dayr
    • Jiilaal

VII. DABAYLAHA: (Winds)

Hoohad ama Foore
Xagaashin ama Khariif
Jiilaashin
Bari-ka-Dhac
Laydh
Walwal
Ufo
Leexo

VIII. KULKA: (Heat)

Kaad
Kil
Hanfar, Hanfi ama Xanfar
Hannas

IX. QABOWGA: (Cold)

Qabow
Geydh
Dheel
Haamadday

X. ROOBKA: (Rains)

Shuux
Tumay
Hogol
Jir
Mahiigaan

NOTE: All materials under this above heading are traditional.

DAWADA: (MEDICINE)

1. Dhirta dhiigga joojisa: (Anti-Hemorrhage plants and medicine)

a) Wancad, ama Sooma-gale ama Soonah: Xididkeedaa la qaniinaa ama la calashadaa.
b) Waxaro-waalis: Ubaxeeda, diirkeeda ama xididkeedaa nabarka la saaraa inta la calasho ama la tumo.
c) Gunre: Caleentiisa ama qolofta ama xabagtiisa ayaa nabarka la marshaa, amba asalkiisaanabarka lagu maydhaa.
d) Ridmo: Waa caws gaaggaaban oo dhulka ku rambaadha. Xididkiisaa la calashadaa.
e) Dareemo: Xididkeedaa qofka dhiigbaxaya afka loo geliyaa la yidhaa calasho, ama la tumaa nabarka lagu shubaa ama la marshaa.
f) Sarin: Xididkiisaa la tumaayoo nabarka dhiigbaxaya lagu shubaa ama la marshaa.
g) Kariiri: Caleenteeda oo la tumay ama la calashey dheecaankeedaa lagu tif siiyaa.
h) Gororkana: Uneexada xididkeedaa lagu dheecaanshaa.

2. SHARBADAHA: (Laxatives and Tonics)

  • Jalcelo ama salalmaki: Geedkoo dhan baa la karshaa biyihiisa inta la shaandheeyo la cabbaa.
  • Xabag: Hadi biyaa xabagta lagu qooshaa, dabadeedna inta la shaandheeyaa la cabbaa. Dabeedna calooshaa baxda kaadiduna waa badataa dabeed kalyahaa safooba.
  • Dacar-biyoodda: Nakhligeeda yar ee markaa soo baxay oo loo calaashado oo biyo lagu qooshayna biyeheedaa la cabbaa.
  • Geedkase ugu xoog weyn waxaa la yidhaa Bogox-u-jeed, badhidiisaa la cunaa , dabeedna caano dhayaa laa dhamaa.

3. QARAARIS: (Antidotes against snake bites)

  • Toon
  • Basal
  • Xildiid
  • Timir
  • Sonkor

4. QUFACA: (Against T.B.)

  • Badhi idaad oo la cabo.
  • Tiiraha oo la karsado.
  • Gaggaboodka oo isagana xididkiisa la tumoo la karshoo inta la shaandheeyo sida shaaha loo cabo.
  • Subagga gorayda oo la cabbo.

NOTE: All the materials given under this above heading are based on traditional, also.


GARTA: (Law cases)

DAL IYO DAD-AQOON: (Geography)

HIYIR IYO HUBSIINNO: (Carefulness)

FEEJIGO: (Caution)

WADDANINNIMO: (Patriotism)

1. Yaahuu. (Axmed Gurey)

SAMIR IYO CALOOL-ADAYG: (Being Resolute)


ANNEX (I)

Minanka Faalka – (The main stations of the future telling)

Faalku waa toddoba iyo toban min. Saddex meelod ayaanay u qaybsan yihiin. Meeli waa laba min. Meelina waa afar iyo toban. Min Meesha hadhayna waa hal min. Lixiyo toban laballabay u walaale tahay. Waa kuwane baro:

1. Jamiic
2. Dariiq

[Min Toddobaaddo]

3. Laaxiq
4. Inkiis

5. Ximre
6. Bayaad

[Min Gobaaddo]

7. Baanyaale
8. Garbo-maar

9. Cuqle
10. Istamiic/Caynsare

11. Qabqable
12. Min Subagle

[Min Shanaaddo]

13. Wadaha-Weyne
14. Guntane

15. Min Yulkhad
16. Kowshac

[Dhaar]

17. Saddex Alif

Godadle: Dhacdo Dhab ah

Godadle: Dhacdo Dhab Ah
Kala Qarisaye Maxaad Hadda Qaban?

Suldaan Nayruus

Published by:
SCANSOM PUBLISHERS
Box 6118, 175 06
JARFALLA, STOCKHOLM, SWEDEN

scansom@scansom.com
scansom@hotmail.com
www.scansom.com

ISBN 978-91-85945-61-0

Daabacaaddii Labaad, 2016

Copyright © 2016 Scansom Publishers

AFEEF

Guud ahaan Buugga

Akhriste, Allaa ma gafe ahe, inta aad buuggaan akhrineysid, haddii aad aragto khalad higgaadeed, ka-gaabis soo- gudbineed, ku-tacaddi dhaqameed ama gef diimeed, waxaa si sharaf leh lagaaga codsanayaa, in aad iigu soo hagaajisid einwaankaan: navruus@gmaii.com si aan dib ugu eego, si markaasi, ay daabacaadda dambe u noqoto mid ceeb-ka-saliim ah. Waxaad kale oo aad faalladaada u diri kartaa shirkadda buugga daabacday. scansom@hotmail.com | scansom@scansom.com | www.scansom.com

Akhris Wacani

MAHAD-CELIN

Waxaa abaal aan abid gudi karin igu leh sarreeye (SWT) oo mmcooyin aanan tirin karin igu mannaystay, oo midda ugu yar ay tahay, in uu igu dhaliyey qoridda buuggaan, dabadeedna i tabantaabiyey ilaa aan ka idleeyey.

Waxaa ammaan iyo mahad iga mudan qoyskii uu dhibkaani qabsaday, oo si geesinimo leh wax walba iiga warramay, markastana ila soo xidhiidhayey, oo waxa uu qof kasta iga hilmaamey oo gadaal kaga soo maaxda dib iiga soo sheegayey.

Waxa aan jeclahay in aan halkaan ugu mahad-celiyo shakhsiyaad si gaara ii caawiyay intii qoridda buuggaan aan ku guda jiray. Waxa aanan hilmaami karin, abaal weynna buuggaan ku leh Md. Shaafici Maxamuud Ciise oo si hagar la’aan ah iiga taageeray hannaan-tixidda cinwaannada buugga, waxaa uu sidaa oo kale talooyinka wax-ku-ool ah ka bixiyey meel kasta oo qoraalka buuggu uu marayey.

***

Waxaa abaalkaas oo kale buuggaan ku leh Md. Maxamuud Yuusuf Culusow, C/risaaq Maxamuud Yuusuf (Raasi), Cabdullaahi Maxamed Sheegow, Axmed Maxamed Dhicisow, Siciid Birmad Cigaal, C/rixmaan Cusmaan Maxamed iyo Warsame Maxamed Xasan, oo buuggaan -inta uusan daabacaad gelin – isha mariyey, higgaad-saxay, kuna soo kordhiyey talooyin buugga kaabay. Waxa aan marnaba maankayga ka go’i karin Md. C/casiis Maxamed Ciise iyo

Mustafe Maxamed Xaashi, oo iyaguna door lama illaawaana igala qaatay allifka, deel-qaaf-sixidda heesaha iyo geeraarada sheekada ku laran, oo ah kuwo cusub oo loogu tala-galay in dareenka jilaayaasha si wanaagsan loogu muujiyo.

Waxaa jiray dad badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin, laakiin kaalin muhiim ah ka qaatay soo-saarista buuggaan, waxaa ayna ku qoran yihiin maankayga, waxa aan leeyahay mahadsanidiin dhammaantiin walaalayaal.

Qoraha buugga

***

GOGOLDHIG

Buuggaan loogu wan-qalay “Godadle”, waa buug uu qoruhu si murriyadeysan ugu soo gudbinayo sheeko la yaab leh, oo magaalada Xamar ka soo shaac-baxday dabayaaqadii sannadkii 2013kii. Waa sheeko dhab ah, oo qoruhu la kulmay, si wacanna ula sheekaystay cidda ay ku dhacday, dabadeedna qalinka inta u qaatay si xardhan u soo tebiyey. Sida ay codsadeenna, waxaa uu maldahay magacyadii qoyska iyo meelo yar oo ka mid ah raasaska.

Waxaa ay qisadani qabsatay nin Godadle ah oo, gabdho ugub ah, inta uu qalbiga ka xaday, dabadeed qolal mugdi ah, si qarsoodi ah ugu kala mehersaday, iyaga qudhoodii iyo dadkiisiina kala ka qariyey. Intii uu gabdhahaas marxaladaha kala duwan la marayey, waxaa uu isticmaalayey magacyo iyo cinwaanno kala geddisan, si uu uga raad-gato, in la aqoonsado rugihiisa. Waxaa ay taasi dhalisay, in fal-fal- xumadii uu kula kacay qalanjooyinkii curdanka ahaa ay miraheedii oo murugo isu beddeshay, isaga gadaal ugu soo guryo noqotay, taas oo keentay in ay maanta ka soo harto hogasho iyo dhabbanna-hays uu mararka qaar ku sigto, in uu is-dilo, si uu facsharka iyo cawaranta uu dhax-fadhiyo si fudud isugu dhaafiyo.

Isaga ayey qabsatay, isaga ayaana ah matalaaga ugu weyn ee sheekadan, waxaana loogu yeerayaa Dhimbil oo ah magaca abkowgiis ee uu isugu sheegay Raxmo, oo iyadu qudheeduna ka mid ah jilaayaasha qisadan. Waxaa sidaa oo kale sheekadan ku jira Xaasaskiisii kale ee Xamdi, Shaqlan (iyo walaasheed Xamiido oo ay hadda u dhaxdo) iyo Xaawo, oo aad arki doontid waxa iyaga iyo Dhimbil dhex mari doona.

Waxaa sidaa oo kale aan ka marnayn qisadan Faarax oo ay u dhashay Raxo, Samsam oo ay u dhashay Xamdi iyo Nasiib oo ay u dhashay Shaqlan, oo iyaga aan is- aqoon is-guursan doona, laakiin Alle mar dambe u sacabbo gogley. Waxaa kale oo aad ku arki doontaa sheekadan walaalkiis Nuur oo guursan doona – isaga oo aan ogeyn – Raxmo oo uu horay u soo furay iyo Walaashiis Safiyo oo carruurta ay eeddada u ahayd – oo aysan garaneyn – gurigeeda ku aqal galeen, iyo aabbihiis Axmed oo – isaga oo aan la socon – ay gurigiisa ku noolaayeen Samsam oo uu awoowe u yahay iyo Xamdi oo uu soddog u ahaa. Isla qisada ayaad ku arki doontaa walaashiis Aamino iyo Raxmo oo iyaga oo aan is-kasayn xoogaa Boosaaso ku wada noolaa, abaalna isku yeeshey.

Waa buug, danta uu qoruhu ka leeyahay ay tahay, in si habboon loogu soo tebiyo gabood-failada uu geystay Godadle iyo dhaqan-ku-tacaddiga halkaas ka dhacay iyo weliba mirihii ka soo baxay falaadkiisii. Waxaa kale oo loogu talo-galay, in uu noqdo wacdiye iyo dige ay akhriste- yaashiisu ku cimri-qaataan, ayna noqdaan iyaguna farriin- qaade-yaal xogtaan sida ay tahay u tebiya, iyaga oo buuggaan u tiirinaya sheekadaan in ay ka soo dheegteen, si markaas doorka buugga uusan u sheelmin.

Waxaa sheekadan loo qeybiyey afar qeybood, si akhristuhu ay ugu fududaato, in uu la socdo qeyb kasta iyo waxa ay sida gaarka ah uga hadlayso, dabadeedna u xasuusto waxaa ay qeyb walba ka sheekeynaysay, uguna sahlanaato akhriska iyo sida ay qisadu isugu xiran tahay.

Waxaa sidaa oo kale buugga loo qoray qaab soo jiidasho leh, oo akhristaha xiiso gelinaysa, iyada oo loo adeegsaday farshaxan-qoraaleed heer sare ah, oo af-guri ka idil, oo akhristuhu uusan ka daalayn, dareenkiisa bed-beddelaysa, isla markaasna, siyaalo kala duwan uu uga faa’iidi karo.

Yaanan lagaaga sheekeyne, bal adigu akhri qisada, dabo iyo dacal, oo bal arag marxaladaha kala duwan ee ay qoyskaasi wada mareen.

A. M. Dhicisow
Tafaftiraha: Wargeyska Xamar iyo Wargeyska Codka Soscensa
Maarso 2014
Xamar

QEYBTA KOOWAAD

SAMATAR AXMED JAAMAC DHIMBIL, waxaa uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qeybtiisii 26aad ee Waqooyiga Soomaaliya. Waxaa uu ahaa nin da’da 40ka madaxa kala baxay, oo dhererkiisa iyo dhumucdiisuba meel-dhexaad yihiin. Waa nin dhan walba iska la’eg, jir-dhisan oo murqo go’an, midabkiisuna yahay casaan, iehna timo madow oo jilicsan, dhabanna-shuban isla markaasna leh san-qaroor qurux badan oo aad mooddo in wejigiisa lagu jimeeyey. Waxaa uu ahaa nin sare, oo ay misena ka muuqatay ladnaan iyo liibaan nololeed. Waxa uu ahaa khabiir ku takhasusay arrimaha ciidanka, oo tababarro badan oo ciidan dalal kala duwan ku soo qaatay, taas oo u fududeysay in uu isku helo deraj o sare oo ciidan iyo magac iyo maamuus sare oo uu ku dhex yeesho Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaa uu degganaa Magaalada Hargeysa oo ay ku tiillay qeybta ciidan ee uu ka tirsanaa, waxaana halkaas u degganayd xaaskiisa weyn ee Xaawo, oo ay in muddo ah is-qabeen, laakiin se, wax carruur ah aysan u dhalin.

Inta uusan ciidamada ku biirin, waxaa uu ahaa nin ku dhex jirey xeero subag ah, maadaama uu ahaa madi, aabbihiisna ahaa maal-qabeen. Sidaas daraadeed, waxaa uu ahaa wiil uu soo koriyey odaygaas malyan-dheerka ahaa, taas oo kool- koolintiisii badnayd iyo dhaqaalihii bilaa-xisaabka ahaa ee uu ku dhex jirey ay ku kallifeen, in uu dhaqan-xumo hoose bilaabo oo ay ugu darnayd; balwad iyo baacsi dumareed. In muddo ah oo uu arriraahaas si hoose u dhooba- waiaaqanayey, waxaa ay markii dambe keentay fagaaraha, isaga oo ka saaqiday waxbarashadii iyo howl-Ia-qabadkii aabbihiis.

Haddii in muddo ah howlahaan looga caal waayey, waxaa uu aabbihiis ku fekerey, in uu ciidamada ku daro, isaga oo isla markaasna u guuriyey gabar ay ehelo hoose ahaayeen oo la yiraahdo Xaawo Dhamuuke, oo ahayd gabar tacliin diineed iyo raid raaaddiba leh, kana soo jeedday qoys gob ah, oo ehlu-diin ah.

Xaawo, waxaa ay ahayd inan ay isha ku wada hayeen dhailinyaradii Hargeysa joogtay oo dhan, raaadaama ay ahayd gabar aqoon-yahanad ah, dhawrsan, af-gaaban, indheer-garad ah, isla markaasna joog iyo Jamaal Eebbe isugu daray. Waxa ay ahayd gabar dheer oo dhumuc- dhexaad ah, dhexdana u yar, lehna midab maarriin casaan xigeen ah oo aad u iftiimaya. Sanka dheer ee xoodan, indhaha yara waaweyn ee xirribaha dhaadheer ku daaharan yihiin, sunniyaha qaansa-roobaadka la moodo, afka madow, foolasha wejiga iyo kuwa koodadka iyo dhammaan qaab- dhismeedka kurka ee la isku sargooyey, gacmaha siideyska ah, kubabka waaweyn iyo haybad-u-socodka waa midda looga hari waayey oo rag badan dawakhisay.

Inkasta oo rag badan oo la soo xiriiray aysan ka hoos- qaadin, laakiin wiilkan hadda lagu daray, horay ayey isku dugsi u wada dhigan jireen, aad ayeyna uga heli jirtay, maadaama uu ahaa wail soo jiidasho leh, bashaash ah, balacsan, ladan isla markaasna ahaa madi uu gacanta ku hayey aabbe dhaqaalaysan, laakiin markii uu waxbarashadii ka saaqiday, ciyaal-suuqoobey, maqaafaadna uu noqday ayey ka calool go’day. Inkasta oo ay markii hore ka madax adaygtay, laakiin markii uu aabbaheed, hooyadeed iyo qaraabada oo dhan ka codsadeen, kuna cadaadiyeen in wiilka loo soo doonay ay guursato, ayey markii dambe yeeshey, iyada oo is-lahayd “Adiga ayaa beddeli doona oo gadaal ayuu ka wanaagsanaan doonaa”.

Waxaa ciidamada loogu daray, in uu asluub iyo dhaqan wanaagsan ku yeesho iyada oo Xaawo-na loogu guuriyey, in uu ku dego, kuna xasilo isla markaasna uu joojiyo suuq- wareegga iyo shaxaari-nimada.

Waxaa uu ahaa wiil labbis badan oo muunadda ugu dambeysa dharka ka xirta, kuwa uu subixii ku soo baxo galabtii ma qaato. Waxa uuna ku dhaashtaa timaha saliidaha ugu casrisan, isaga oo isku buufiya carfiye yaasha iyo cadarada ugu dambeeya ee Faransiiska iyo Carabaha laga keeno. Si kale kuma fahantide, waxaa uu ahaa nin xarrago darteed is qal-qalloociya, is-goodaadeeya, lugaha kala fog- fogeeya, oo u socda si shanqar-tirasho leh, oo aad mooddo in uu wax gaadayo. Dadka qaar waxaa ay u yaqaanaan islaweyn, sababta oo ah, dadka, kuwii darajo ahaan iyo nolol ahaan-ba ka hooseeya il-qooraad buu ka dhugtaa.

Uma joojiyo mana ixtiraamo waxa aan ka ahayn gashaanti dhammaystiran oo markaas madaxa la soo baxday, oo marka ay soo jeeddo horaaddadeedu diraca ama cambuurka soo taraarayaan, misena aan socodkeeda la ruxmeyn oo gigtiran, marka ay sii jeedana qaarka hore u dheer, dhexda u yar, gadaalna u kuusan. Sababta oo ah, waxaa uu ahaa nin naago jecel, shukaansi badan, oo shabeel-naagood ah, oo hadba gabadha uu arko oo nuuraysa ku dhagsada, iskuna taxalujiya in uu soo xera-geliyo, mana jeclayn in ay dadkiisu ogaadaan afaarihiisa.

Inkasta oo ay xiriirkiisa dumar badnaayeen, waxaa uu isku deyi jirey in aysan is ogaan oo uu kala weeciyo khadadka ay ku qulqulayaan jacaylladiisa kala duwan. Ma uusan ahayn sharmuud geerasheeya, oo dumarka guur la’aan is kala tunta, ee waxa uu jeclaa in uu guursado gabdhaha uu damco, laakiin waxa uu ku dadaali jirey in uu kala qariyo bilcaamaha uu xiriir guur la samaynayo, tiiyoo aysan ka heli jirin daryeelkii loo baahnaa, vvaxaana taas sabab u ahaa, waxaa uu ahaa naago-shabiye, shan qabo oo shan sii daa ah, oo middii soo baxdaba ay tiisii tahay, misena ahaa sarkaal safar badan, isla markaasna lahaa balwad daran, oo gaarsiisa mararka qaar in uuba hilmaamo waajibaadkii saarnaa.

Marka laga reebo booqashooyin kooban oo uu ku tago magaalada Ceerigaabo oo uu ka soo jeeday, inta badan Xamar ayuu u aadi jirey arrimo la xiriira howlaha shaqadiisa, waxa uuna badanaaba ku qataa fasax yadiisa (kuwa xaqa uu u leeyahay iyo kuwa shuudka ahba).

Marka uu magaalada Xamar yimaado, waxaa uu mar-mar ku soo degi jirey guri uu degganaa wiil ay dhanka hooyada walaalo ka ahaayeen, oo la yiraahdo Nuur Shaywaal – oo isagu bare ka ahaa dugsigii sare ee Raage Ugaas- mar mama waxaa uu ku soo degi jirey Albeergo. Waxaa kale oo magaalada Xamar degganayd, oo booqasho uu ugu imaan jirey walaashiis Safiyo oo ay isku aabbe iyo hooyo ahaayeen, oo ku noolayd guri ay ku lahayd suuqa Bakaaraha, isla suuqaasna ka ganacsan jirtay.

Safiyo waxaa ay ahayd curadda reerkooda, iyada ayaana soo korisey isaga, gabar la yiraahdo Aamino oo Boosaaso deggan iyo Nuur Shaywaal oo dhanka hooyada kala dhashay, markii ay hooyadood Warsan dhimatay.

Xamar ayuu ugu jecel yahay magaalooyinka Soomaaliya, waxa uuna aad uga heli jirey cimiladeeda, xeebeheeda iyo tasiilaadkeeda haqab-tiran, isaga oo mar walba jeclaa in uu wakhti kasta oo uu firaaqo helo ku qaato magaaladan, kana samaysto saaxiibbo badan oo ay xaawaleyda eurdanka ah kaalinta koowaad kaga jiraan.

Ma jecla xaaskiisa Xaawo in uu u soo kaxeeyo Xamar, oo ay fasaxyada kula qaadato, sababta oo ah, waxaa uu ka baqaa in ay ka duufsato howlihiisa gaar ahaaneed ama inta ay wax ka ogaato, dabadeedna ay ka dhabqiso arrimaha wej iyada badan ee uu Xamar u yimaado. Sideedana, aad ayuu uga maadan jirey Xaawo, oo ka haysay waardiye har-iyo-habeen ah, sababta oo ah, waxa ay ku ogeyd in uu yahay shaxaari naago-wade ah, waxaa ayna ahayd maseyrrey uu horay ugala kulmay dhibaatooyin badan oo ay gaarsiisay, kaddib markii gabdho uu ka shukaansan jirey Hargeysa inta ogaatay, ay dhawr jeer gaar saartay. Marna gabdho ay ogaatay in ay ninkeeda xiriir la leeyihiin, ayey qaarkood Kalaysay, halka qaar kalana ay wejigii ka beddeshay/fiiqdey, taas oo gabdhihii Hargeysa degganaa oo dhanna ay kaga fiigeen.

Mar waxaa ayba si farsamaysan – isaga oo aan ogeyn – uga furtay gabar uu ku qabey Gaalkacyo, oo uu ka qarsan jirey. Gabadhaas ay ka furtay, waxa ay ahayd gabar mar uu Gaalkacyo u tagay howl-shaqo ay is-barteen, dabadeedna uu guursaday.

Markii uu ayaan Hargeysa jooga-ba, waxaa uu booqasho ugu tagi jirey Gaalkacyo, isaga oo Xaawo ugu sheegi jirey in uu howl-shaqo u tago Gaalkacyo. Laakiin mar uu muddo ka maqnaa, ayey maalin maalmaha ka mid ah, gabadhii uu ku qarsan jirey Gaalkacyo – illeen moobeel ma jirine – u soo dirtay warqad ay axwaasheeda uga warramayso iyo sida ay u dareemayso wehel la’aantiisa iyo war la’aantiisa, kagana codsanaysey in uu u yimaado, maadaama uu muddo dheer ka maqnaa. Waxaa kale oo ay warqadda ugu sheegtay in sarkaalkii is-baray ee Salaad Dheere ahaa, aysan waayadan is arag, haddii aan weydiin lahaa warkaaga iyo wacaalkaaga-ba.

Waxa ay warqaddii ugu soo dhiibtay nin askeri ah oo u socday Hargeysa. Markii uu askerigii tagay xeradii ciidanka ee Hargeysa, ayaa loo sheegay in ninka ay warqaddu ku socoto uu ku maqan yahay Xamar. Waxa uu warqadii ugu dhiibay nin xerada joogay, oo yiri aniga ayaa garanaya gurigiisa, ninkiina inta warqaddii la orday ayuu isla markiiba inta Xaawo u geeyey, ku yiri “Warqaddaan seygaaga ayey ku socotaaye u dhiib marka uu yimaado”.

Xaawo warqaddii ayey furtay, mise, waxaa ka soo booddey gabar u cataabeysa seygeeda. Inta warqaddii meel dhigatay, ayey mid kale qortay, waxaa ayna ku qortay warqaddaas in xaaskiisii Qaraarsha Faruurdheer ay dhimatay, uuna soo qorey Salaad Dheere oo ay warqaddii hore ka qishtay. Markii uu seygeedii yimid ayey warqaddii u socotay u dhiibtay. Warqaddii ayuu meel gees ah inta la tagay, oo baqshaddii ka furay, akhriyey, markaas ayuu muraara-dillaacay. Inta kor timid, ayey ku tiri “Qalbi, maxaa kugu dhacay?”, Markaas buu ku yiri “Gacaliso, waxaa ay warqaddaani iiga timid Gaalkacyo, waxaana ku qoran in aan si deg-deg ah ku aado Gaalkacyo, waana amar millateri, anna arrintaan ma filayn, oo haddaan safar ka imide, naso ayaan is-lahaa!”. Markaas bay ku tiri, “Nin yahow, waxa aan ka shakiyey ku laalaabashadaada Gaalkacayee, armaa wax kale jiraan?”

“Maya maya, wax kale ma jiraan, oo aan ka ahayn howlaha ciidanka!” ayuu ugu jawaabey.

Xaawo oo farriintii warqadda ku qornayd maanka ku haysa, diideysana in ay si toosa wax ugu sheegto, ayaa ku tiri “Gacalka, anigu waan ku aqaan, waxa aana aaminsanahay in aad naag ku qabtid Gaalkacyo”. Inta yara dhirfay, ayuu ku yiri “Wallaaheysan naag ii joogin”. Kolkaasey ku tiri “Haddii aysan naag kuu joogin waa in aad furtaa, oo aad weliba tiraahdaa – haddii aad run sheegaysid – xaaskeyga joogta Gaalkacyo waa iga furan tahay ”, Waxaa uu aaminsanaa in ay dhimataye, waxaa uu yiri erayadii laga codsaday in uu dhaho ee ahaa “xaaskeyga joogta Gaalkacyo waa iga furan tahay”. Markaas ayey ku tiri, “Hadda waan qancay, waad u fasaxan tahay howlaha deg-degga ah ee Gaalkacyo lagaaga baahan yahay in aad u aaddo”.

Markaas ayuu dhaqaaqay, isaga oo ka war-doonaya, bal sida ay wax u dhaceen. Markii uu Gaalkacyo tagay-ba, waxaa uu gurigii ugu tagay xaaskiisii oo sugeysa. Hadda muxuu sameeyaa, waa ka furan tehee! Inta naxay, ayuu gabadhii u sheegay in uu khalad dhacay, oo isaga oo aan ogeynna uu furay, waxa uuna isla meeshii ku siiyey meherkeedii, isaga oo isla xilligiiba ubbadiisii u soo kooraystay halkii uu ka yimid ee Hargeysa ahayd. Markii uu yimid gurigiisii, ayey Xaawo u soo bixisay warqaddii ay gabadhu u soo dirtay, markaas ayuu ogaaday jarta ay u dheeshay xaaskiisa Xaawo!

Sidaas oo kale, ayey mar kale gabar uga furtay, uu isla Hargeysa ku qarsan jirey. Waxa ay ahayd gabar dhallinyaro ah, oo aad u soo jiidatay, oo reer Jabuuti ahayd, oo uu ka dhaadhiciyey in uu habeenkii howi-gal Millateri uu ku qoran yahay, oo uu firaaqo helo oo keliya maalintii, sidaas darteedna uu maalintii la joogayo.

Markii uu gabadhan guursadey, oo ay ayaan wada joogeen, ayuu waxaa uu ka helay hab-dhaqankeeda, sababta oo ah, marka uu guriga imaanayo, magaalada ma soo maro, oo qaad horay uma soo qaato, ee waxaa uu yimaadaa fadhiga guriga oo aad loo diyaariyey, oo qaadkii, sigaarkii, qadadii iyo sharaabkiiba is ag yaallaan. Marka uu qadeeyo ayey inta soo xirato dirac khafiif ah oo bilaa Rajabeeto iyo bilaa Googarad ah, oo macaadinteedii caadi uga dhex muuqdaan ayey inta la f’ariisato, oo qaadka carjawga uga googoyso afka u gel- gelisaa, isaga oo sida boqorkii u fadhiya. Waa nin marka uu marqaamo, dareenka dumarku ku bata e, markaas ayuu inta walaaqmo, oo uu fara-ka-ciyaar bilaabo, dhawr jeer isaga iyo gabadhu bood-bood iyo jimicsi galaan, oo nafta jinnigu cirka la aaday dejiyaan.

Habeenkii, marka uu tago guriga Xaawo ayuu is-duuduubaa oo duumo mararka qaar isku ridaa, illeen waa nin maantaa oo dhan lismayee. Muddo kaddib, Xaawo waa dareentay in ninku si wax ka yihiin, sababta oo ah, horay ayey u taqaanay, in uu ahaa nin-karmeed sariirta ku wanaagsan, oo in la iska abhiyo mooyee aan joogsan jirin. Maankeeda inta rog-rogtay ayey garatay, in maalintii ninkii balaayo kale soo miirato. Wiido iyo dabagal dheer ayey ku bilowday, iyada oo dumar kale u kireysatay, in ay ninkaan la-raad-guraan.

Muddo yar kaddibba, raadeer wareegayaa waa kaney yiri, waxaana la soo helay godka uu galo, waxa ayna Xaawo ka dul-timid isaga oo guriga kula jira qoor-cas, mama u duugeysa, mama qaad afka ugu guraysa! Maxaad u malaynaysaa in ay halkaas ka dhacayaan? U1 iyo hal-gaado wada socda ayaa hal mar ku soo hoobtay ninkii iyo naagtiisii, waxaana halkaas ka dhacay dagaal kharaar. Markii dagaalkii la isugu soo baxay, oo dumarkii la kala jiidey, ayaa Xaawo waxa ay soo istaagtay, inta goradda iska laalaadisay ama aniga ama iyada. Gar cuius ayaa halkil ka dhacday, oc akhyaari gashay, waxa ayna aakhirkii gartii ku af-jarantay, in uu Xaawo doorto, qoor-castiina uu sii daayo.

Sidaas awgeed, aad ayuu uga taxadaraa Xaawo in ay wax ka ogaato godadkiisa, waxa uuna iska ilaaliyaa in ay safarradiisa fasaxyada u raacdo ama uu u kaxeeyo meelaha howlaha shaqo uu u aadayo ee uu wakhti xoogaa ah ku maqnaanayo. Mararka qaar waa uu ka raad-gataa meelaha uu u socdaalayo, waxa uuna u sheegaa meesha uu u socdo rnooyee meel kale, si aysan iyaduba u soo aadin ama cid kale oo wariye ah ugu soo dirsan, sababta oo ah, waa gabar halls ah, oo uu og yahay – haddii ay ku talo gasho – in ay isticmaali karto raadeer casri ah oo wareegaya, oo laga yaabo in uu soo qabto isaga oo god uu samaystay gasadiisa ku jira.

IS-BARASHADII DHIMBIL IYO RAXMO

Iyada oo lagu guda jiro bilaha xagaaga ah ee roobabka raaxada leh Xamar ay ka da’aan, ayuu hoteelkii uu degganaa ee Taleex, waxa uu ka soo kaxaystay xilli casar-horaad ah gaari cusub oo Laanguruusal ah, si uu ugu soo damaashaado jawi-roobaadka xagaa ee tiix-tiixa ah iyo harka daruuraha ee xeyn-daabay kulaylkii qorraxda.

Waxaa uu socodkiisii ka soo bilaabay halkii uu degganaa, isaga oo ku soo dhacay waddada dheer ee Maka Al- Mukarama, waxa uuna u jeeday dhankaas iyo Xeebta Liido. Inkasta oo ay saxmaddu yar tahay, haddana gaariga tartiib ayuu u wadaa, muraayadahana aad uma dallacna, oo waxaa uu doonayaa in uu jiido laydha dabiiciga ah ee macaan. inta uu wado gaariga ma wado fiiriyo hortiisa e, waxaa uu eeg- eegaa geesaha iyo geedaha laamiga ku safan, markaas ayuu arkaa taallaallo laamahoodu u muuqdaan kuwo xadraynaya sida ay u ruxmayaan oo ay u lulayso dabayl-roobaadka xagaa. Isaga oo indhaha ku doogsanaya oo sii fiirinaya ayuu arkaa gaariga oo jidka kala bixi raba, markaas buu ka jeestaa.

Waa mid dumarka ku falane, mar ayuuba shil geli gaarey, kaddib markii isaga oo maraya meel aan ka dheerayn is- goyska Shaqaaiaha uu ku arkay laba gabdhood oo gashaantiyo ah, oo inta shuguuguxu diricyadii ka qooyey, dabeyshu ay hadba doc uga dhajineyso. Iyaga oo dhanka uu ka soo socdo u soo jeeda, ayuu isha ku dhuftay, iyaga oo soo-jeedkooda hore oo dhan dabeyshu inta ku dhacday, dharkii ku dhajisay, raise waxaa ku soo callaqan afar gantaal oo rakiban, oo caarad dhuuban oo isaga ku cabbiran. Inta sacabka insha marsaday ayuu isku yiri “Bismillah, waxaani ma dhabbaa mise waa dhalanteed!”. Insha ayuu hoos ugu daadajiyey, markaas ayuu misena arkay xaluso kuu-kuusan oo xudduntii caadi uga dhex-muuqato oo wax yar caloosha ka soo sikaday. Maba libiqsanayee, hoos ayuu indhihii ugu sii raariciyey, markaas ayuu sawirtay waxaa uu iska dhaadhiciyey in yihiin dheemankoodii iyo cajirro shilis ah oo is-Iisiya.

Gaarigii ayuu istaajiyey intii ay dhaafayeen, si uu uga il- buuxsado. Markii ay dhaafeen ayuu gaarigii inta soo kaia- fireeyey daba-galay, markaasuu misena arkaa dhabarka iyo qeybaha dambe oo ay dabayshu dharkii kaga dhajisay. Tanaaba ka daran oo maankiisii kala wareejisey, kaddib markii uu arkay deri raaracda iyo nimcooyin yar-yar oo kuus-kuusan iyo weliba kubab isku jaan go’an.

Markii uu gadaal si fiican uga kuuray, ayuu inta dhaafay oo soo kala-wareegay, misena qeybta hore mar kale ku soo ceshaday, sida filinkii oo kale. Isaga oo barwaaqadaas ku dheygagsan ayuu arkay, isaga oo waddo khaldan ku jira, oo gaari weynna ku soo socdo, markaasuu hal mar gaarigii wada jarey isla wakhtigiina ku yimid guri, isaga oo aan ku dhicin ayuu haddana isla markiiba ka weecday, markaasaa Alle surin yar u bixiyey. Inta Ashahaatay, oo madaxa gacanta saartay, ayuu isaga oo neef-tuuraya yiri “Alxamdullillah, Allow adaa maanta i bixiyey”. Isaga oo mama Alle ku mahadinaya mama habaaraya gabdhihii haadaantuu ka dhici rabey sababta u ahaa, ayuu dalxiiskiisii dib-u-qabsaday.

Markii uu xoogaa socday-ba, isaga oo marayey meel u dhaw is-goyska Dabka, waxaa gacanta u taagatay naag caasi ah oo sookal dheer qabtay, faruuryuhuna u guduudan yihiin. Waxaa ay qabtay dhar khafiif ah, waxaa ayna kilkisha ku sidatay boorso. Waa ran maahsan oo mar dhaw gabdho balo wadatay muraayaddii qalbiga ka jlireene, waxaa uu u malaynayey hooyo roob ka carareysa oo maciin u baahane, gaariga ayuu u joojiyey. lyadu-se caawinaad uma baahane e, waxaa ay meesha u taagneyd gaari oday xaraaradeysan wato, oo ay caawa lugaha u duugto. Inta daaqadda iska furtay ayey soo gashey isla markaasna kursigii dhiniciisa ahaa fariisatay.

Waxaa ay ahayd naag Sheydaan walaaqayee, inta qaarkeedii hore ee cayuuqmey bood-bootisey, oo ay qosol yar dhag ka siisey, ayey ku tiri “Abboowe, wallaahi galabta waa kaa boxoysaaye, halkee caawa ku baashaalaynaa?”. Saasuu u eegay, mise waa kowtaliyad inkaartii Nabigii ay ka muuqato. “Naa iiga dag gaariga, wasakh yahay Rabbi iyo islaan ka furatay” ayuu isaga oo cuudi-billaysanaya yiri. Inta naxday ayey eegtay, markaasey aragtay nin faruuryo-qaniinsan oo feer u duuban yahay oo diyaar u ah in uu qanjirrada ka garaaco. Ma iyadaa waalan, inta daaqadda iska jartay ayey booddey, halkaasna ka baxday iyada oo sii yabqamaysa.

Ninkaan, si kale ayuu u falan yahay mooyee, lama tuso naagaha caasiga ah, kuwa fagsuusada ah ee honnotiga ah ee ragga jeebkiisa ku xisaabtama, oo ninkii ladan oo ay qabtaan deg-deg ku kiciya, kuwa afka dheer ee ragga daan-daansada iyo kuwa marka ay suuqa marayaan is-walaaqa, oo marka ay soo socdaanna xabadka ruxa, marka ay sii socdaanna dabada ruxa.

Markii ay naagtii ka degtay ayuu isaga oo fiigsan socodkiisii sii watay. Hadda sidiisii ayuu ku soo laabtay, oo maahsanaantii iyo baxsanaantii waxaa meesha ka saaray balaayadii gaariga u soo gashay.

Dabdiskiisii isaga oo ku jira, hawadaas macaan ee uu keliga ku yahayna dhex maquuranaya, ayuu arkay isaga oo ag maraya Masjidka Isbahaysiga. Inta ku leexday, oo deyrkiisa galay ayuu xoogaa magaalada inta ka hoosaysa indhaha ku war-wareejiyey, markaasaa magaalada oo dhan – intii ay ishiisu qabanaysay – indhihiisu ku nasteen doogga dhirta magaalada ku wada tallaalan ee fufka wada bixisay.

Horay ayuu u sii socday, isaga oo aad mooddo in uu Jannadii Fardowsa dhex joogo. Markii uu marayey guriga Hooyooyinka (ee ka soo horjeeda Tiyaatarka Qaranka) ayaa waxaa maankiisa ku soo dhacday, in uu dhankaas iyo suuqa Xamarweyne u leexdo, si uu uga adeegto, haddii uu helo dukaan laga helo walxaha uu door-bidayo. Isaga oo weli socda oo uu indha-indhaynayo dukaamada, ayuu waxaa uu kor ka arkay dukaan cammiran oo dhar iyo udgiye-yaal caynba-cayn ah yaallaan. Inta is-moodsiiyey alaab uu doonayey in ay taallo, ayuu jeclaystay in uu dukaankaas galo, si haddii uu ka helo alaabta uu rabey uu uga iibsado.

Inta uu gaarigii hor istaajiyey, oo ka degtay ayuu dukaankii dalaq yiri. Isla markii uu dukaanka galay, ayuu isha mariyey waxa yaalla dukaanka, mise indhihiisu waxaa ayba qabanayaan dhar qurux badan oo si wanaagsan u tolan iyo baraafuunno uu magacyadooda hayey oo uu magaalada horey uga waayey.

Waxaa taas ka sii daran, waxaaba dukaanka gadaysa qalanjo dhiin-xariir ah, oo aad mooddo roob-la-dhac. Waa geenyo hal-door ah oo laba-lafood ah oo, 17 sano jir ah, oo aad mooddo in alaabta dukaanka lagu gadayo ee dhal- dhalaaiaysa loo soo xuley, sababta oo ah, marka dukaanka la soo galaya-ba, waxaa ay ishu hal mar ku wada dhacaysaa macdaarka quruxda badan iyo alaabaha sida fiican loogu sharraxay iyo wejiga gabadhaan quruxda badan iyo timaheeda habaysan ee bannaan ee bunniga u eg, oo taako dhanka hore uga galoolan, gadaalna ka siiddaysan ee aan laga libiqsan karin iyo horaadadeeda gigtiran oo aad mooddo in amar lagu siiyey in aysan nuuxsan isla markaasna ibtooda dhuuban la moodo in ay cambuurka ka soo dhex-baxayaan. Waxa aan marnaba laga jeensan kerin luqunta dheer oo ay cabbaadyo shan siriq ah ku taxan yihiin. Xaluska yarka ah ee kuusan ee goonnada ku dul-qotoma ayaa caloosha ku wareejinaya. Marka ay sii jeesato oo ay wax soo qabanayso, jirkeeda qeybtiisa dambaaba laga il-buuxsan karin.

Marka ay alaabta ku tus-tusayso oo ay dhaq-dhaqaaqeyso, raggu iyada ayey ku maqnaadaan oo ay ku dhaygagaan. Waxa ay taas ku darsatay soo jiidashada macaamiisha iyo qalqaalo-wanaaggeeda, waana gabar u taba-baran qaabilaadda rukunka iyo qancintoodaba. Dhallinyaradu inta badan waxa ay dukaanka u yimaadaan, oo wax uga iibsadaan, in ay daawadaan gabadhaan, iyaga oo dukaankaan oo la yiraahdo Dayax ula baxay “Geenyo”.

Waxa uu ninkii bilaabay in uu halkii ka dukaamaysto isaga oo misena bartay gabadha dukaanka gadaysey, oo isla markiiba quruxdeeda iyo qaayaheedu ka dhex duseen qalbigiisa. Waxaa uu niyadda gashaday in uu si joogta ah macdaarkaas uga dukaamaysto, si uu geenyadan u barto una soo xero-gashado.

Gabadhu waxa ay isugu sheegtay magaceeda saxda ah oo ahaa Raxmo Qaasim, waxaa kale oo ay u sheegtay xaafadda ay deggan tahay ee Xamar-Bile, laakiin isagu waxaa uu isugu sheegay magaciisa oo aan sax ahayn oo uu kala hormariyey. Waxaa uu isugu sheegay in la yiraaho Dhimbil Jaamac, wax uuna taas u samaynayey, in aan si deg-deg raad-raaciisa lagu helin; haddii ay Raxmo daba-gasho. Sidaas oo kale, uma uusan sheegin halka uu deggan yahay. Tani waxa ay ka mid tahay xirfadaha uu gabdhaha ku gaado, kuna maareeyo xiriirradooda.

Inkasta oo dhallinyarada Soomaaliyeed marka koowaad ee ay is-baranayaan magacyo aan la dhihin isku tuur-tuuraan, dabadeedna marka ay is-bartaan maalmo kaddib, si saxa magacyadooda isugu sheegaan, laakiin Dhimbil isagu howlihiisu kuwaas waa ka duwan yihiin. Uma sheegin halka uu deggan yahay, iyana dan kama gelin oo ma weydiin. Hadalkiisa ayey ka dareemaysaa in uusan reer Xamar ahayn. Yaad tahay, halkeed ka timid iyo maxaad qabataa midna ma weydiinin, oo waxa ay u aragtaa weydiimahaas su’aalo- aakhiraad.

Markii uu soo dukaamaystay, daixiiskiisii horay uma sii wadan, mana aadin halkii uu niyadda ku hayey ee Liido e, dib ayuu ugu soo laabtay hoteelkiisii. Haddii uu markii hore tamashle ku jirey, maankiisuna fasaxnaa, hadda korantada ayaa ka maqan, Raxmo muuqaalkeedii oo sawiranna waa horyaallaa. Haddii uu meelo eeg-eegayey, hadda hortiisa rneel ahayn ma fiirinayo. Haddii uu jawiga iyo uunka Alle ee dabiiciga ah ka fakarayey, hadda waxaa maankiisa maasheeyey sidii uu gashaantidaas mar un uga fara- macaysan lahaa. Isaga oo mashquulsan, oo tartiibtiisii ku socda ayuu tagay halkii uu ka soo saan-qaaday.

Dumar gaari cad iyo dhal-dhalaal laga raacye, Raxmo dhankeeda wax baa juq yiri. Weligeed ma arag nin sidaan u liibaansan oo wata gaari qaali ah oo cusub, oo dukaankeeda soo hor-istaajiya ninkaan ka hor. Horay uma aysan arag nin sidaan oo kale alaabo wada qaali ah hal mar wax badan uga qaata. Weligeed dhaayo kama qaadin qof sidaan deeqsi u ah oo lacag uusan ku adeegan siiya qofka u adeegayey ama dad uusan garanayn wax ka bixiya, sababta oo ah, markii uu dukaanka soo galayey, waxaa dukaanka ka adeeganayey laba gabdhood oo kale, oo gadanayey alaabaha la isku qurxiyo, markaasuu dhammaan ka bixiyey alaabihii ay doonayeen. Iyadana, markii uu ka gatay alaabihii ayuu lacagtii u raaciyey lacag kale oo dheeraad ah! Iyada oo la yaabban gobanimada ninkaan, ayaa waxa ay dhawr jeer niyadda iska weydiisey waxa uu ninkaasi ahaa, halka uu ka yimid iyo waxa uu qabto.

Raxmo waxaa ay la nooshahay hooyadeed Nuurto, Aabbeheed Qaasim, wax walaal ahna waxa ay ka lahayd, wiil ka weyn oo curyaan ah oo la yiraahdo Saalax, waxa ayna qoyskeedu ku nool yihiin guri ku yaalla xaafadda Xamar-Bile, oo ay dawladdu siisey aabbeheed oo Wasaaraddii Maaiiyadda shaqo hoose oo waardlye ah ka hayey. Dukaanka ay gadayso, waxaa isla leh eeddadeed Cawrala’ oo ay caawiso, iyaduna dhaaraanka iyo dhaash-dhaashka ay ka hesho.

Dhimbil, har iyo hoyaadba waa ka tagay, waxa uuna jeex- jeexayaa tabtii iyo khiddadii uu u mari lahaa Raxmo iyo sidii uu ku soo dabi lahaa. Waa uu ku xisaab-tamayaa farqiga u dhaxeeya gabar guri-joog ah, oo aan dad arag iyo inan ganacsi ka shaqeynaysa oo bulshada noocyadeeda kala duwan la macaamisha. Daah kama saarna firaaqada ay u heli karto Raxmo in ay kula sheekeysato, oo ay la falanqeyso jacayl uu doonayo in uu qalbigeeda ku beero. Waxa uu fekera-ba, waxaa u soo baxday in uu Raxmo shabaq u daadiyo, waxa uuna bilaabay in uu xiriir jacayl oo joogta ah la sameeyo Raxmo, oo iyadu markaas ahayd gabar yar oo dhucdhuc ah, oo muuqaalka Eebbe huwiyey biyo dahaba iyo mar-soo-dhac la moodo. Marka ay waddada marayso, gawaaridu waxaa ay ku sigtaan in ay isku dhacaan iyada oo darawalladu wada eegayaan quruxdeeda darteed.

Xiriirkii ugu horreeyey ee uu la sameeyo ayey ku ogaatay in uu Dhimbil yahay sarkaal sare oo madax ah, taas oo sare u qaadday hammigeeda iyo la sii wadidda xiriirkiisa, sababta oo ah, waxa ay mar walba aragtaa dumar ka adeegta dukaankeeda oo wixii ku soo dhacaba iibsada oo aysan lacagtu qiimo ugu fadhin, markii ay baartayna ay soo ogaatay in ay saraakiil sare u dhaxaan. Waxaa kale oo ay ka war- qabtay carruurtii ay dugsiyada wada dhigan jireen, kuwii aabbayaashood saraakiisha ahaayeen, sidii ay u nimcaysnaayeen, sidaas awgeed waxa ay la hiyi-kacday xiriirkaan cusub iyo war-bixinnada ay ka heshay sarkaalkaan.

Raxmo, Dhimbil keliya ma hollin mana hunguriyeyn, waxaa maalin walba xiriir la soo sameeya rag hor leh, oo isugu jira kuwo ku bartay dukaanka iyo kuwa xaafaddeeda ku bartay. Ma ahan gabar dhac-dhac badan oo ragga is-kala qabsata, mana ahan gabar dadka yaqaana ay ku fududaadaan. Waa gabar meeqaam sare ka joogta bulshada taqaan, oo lagu tix- geliyo sharafteeda. Dhallinyarada taqaanna oo dhan aad ayey uga sheekeystaan, waxaa ayna isku caraadiyaan la hadalka iyo shukaansiga Raxmo, heybadda iyo qabka ku jira darteed. Ninka ay dusha ka salaanto ama ay la istaagto, waxaa loo arki jirey, nin dadka kale wax dheer, isla markiina hadalkiisu suuqa ayuu tegi jirey.

Akhyaarta la soo xiriirta oo dhan ma danayso marka laga reebo Dhimbil, oo ay u danaynaysay xiriirkiisa, laba sababood dartood: waa marka koowaade, dumarka xilligaasi xiriirka guur ee saraakiisha ciidamada aad ayey u jeclaayeen, waa marka labaade, Dhimbil waxaa uu ahaa nin aad u dhaqaale badan, oo wax bixiya, oo lacag badan ayuu ku har- qin jirey Raxmo.

Sidaas darteed, waxa ay Raxmo nasiib u yeelatay in ay ka mid noqoto curdanka madaxa la soo baxay ee nolosha adduunka quruxdeedu u bilaabantay ee uu Dhimbil xiriirka la leeyahay!

Dhimbil waxaa uu si xirfadaysan tuubbo uga soo tallaalay qalbigiisa si uu uga waraabiyo qalbigeeda dhiig jacayl oo miid ah, waxa uuna tallaalkaas u adeegsanayey farsamo casriyeysan iyo dhaqaale loo qaadan karay in uu bilaash ku soo galayey. Waxaa uu geyn jirey meel kasta oo ay majeerato, waxaa ayna si sahal ah uga helaysay wax kasta oo maankeeda ku soo dhaca, taas oo keentay in ay albaabada ka xirato dhammaan raggii kale. Xitaa is-beddelkaas dhaqaale ee Raxmo ku soo kordhay xaafaddeeda ayaa laga dareemay, waxaa ayna xaafadda keeni jirtay hadiyado fara badan oo kala duwan, oo uu u soo hibeeyo saaxiibkeed iyo qarash badan oo uu ku farraqo, oo si un reerka Raxmo u gaartay, oo xitaa noloshii reerka saameyn ku yeelatay. Waxaa kale oo dareemay gabdhaha deriska la ah, oo arka; dharka, dahabka, dhal-dhalaalka, dhaashanaanta iyo duxda ka muuqata, taas oo keentay in uu gurigeeda noqdo meel gabdhaha deriska ah oo dhan, dharka iyo dahabka ka toobal-caaraystaan, islaamuhuna ka dhaaraantaan.

Waa hore ayaa ugu dambaysay maalin-joog ciriiri ka gala iyo caddibkii gaarigii caasiga ahaa ee ay ku tegi jirtay meelaha loo luga baxsado ee madaxa lagu soo dejiyo. Gaari cusub oo qabowga uu sii daynayo hurdo kugu qabanayso, oo nin jecel oo baarri ah uu ku wado ayey haysataa. Haddii ay tiraahdo futo-baciid igee ama ay tiraahdo maanta oo dhan ha istaagin, maba yaqaanno rnaya. Dhaga-fudeydkuu uga daray, oo weligi wax ay weydiisay hadal kama soo celin. Waxaa ayba gaarigii ka dhigatay mid ay leedahay, Dhimbil-na waxaa uu u noqday shufeer jajaban oo iyada u shaqeeya. Aad buu u deeqay, waxaa ayna is-weydiisaa “Ragga oo dhan ma saanbaa mise kanaa Malaa’ig ah?!”.

Cuntadii looga soo qaadi jirey guriga, oo ilaa Xamar-Bile la soo wadi jirey, hadda looma keeno. Saaxiibkeed ayaa saaray hoteel qadada looga qaado, oo cuntada ay dalbato loo geynayo, waxaa ayna ka il-baxday cuntadii suququlka ahayd, halka jaad ahayd ee iidaanka yarayd, waxaa kale oo ay ka kortay, dadkii cuntada u keeni jirey ee marna gaajada ku qaboojin jirey marna wax kala dhantaalan u keeni jirey, marna isku tuur-tuur inta gasha, wax soo qaado inta la waayo ay ka samri jirtay. Awalba iyada oo quruxdeeda lala yaabbanaa ayaa labeen saa’id ah soo fuushay, taas oo ay uga maarantay kareenka dabeysha iyo kor-qallalka la iska mariyo.

Raxmo, ma saaxiibbo badnayn, waxaa ay leedahay hal gabar oo sideeda oo kale indheer-garad ah, oo ay isku shushubtaan, iskuna sir qarsadaan, oo la yiraahdo Shamso Cabdi. Aad ayey isku fahmeen, waxaa ayna isla yaqaanaan kaftanka iyo sarbeebaha, dadka kalana ma fahmaan marka ay wada hadlayaan.

Hadda ka hor ayaa Shamso inta ay warar muhiim ah ka soo maqashay magaalada, waxa ay damacday in ay la wadaagto saaxiibteed Raxmo. Sidii ay u soo ordaysay ayey timid gurigii Raxmo, markaas ayey la kulantay Raxmo oo ay la fadhiso gabar aysan Shamso garaneyn. Shamso waxaa ay rabtay in ay warkii u sheegto Raxmo, haddana waxaa ay ka baqaysaa gabadhaan ag fadhida ee aysan garaneyn, in ay warreey tahay, oo aan waxba lagu ag sheegan karin iyo in ay tahay qabri wixli gala aysan ka soo bixin. Waxaa ay rabtaa in ay gabadhaas xaalkeeda si sarbeeb ah ku weydiiso Raxmo, markaas ayey ku tiri Raxmo “Raxmooy, gurigiinna marka roobku soo da’o, biyaha ma darrooriyaa oo ma soo daayaa mise waa celiyaa?”, Waxaa ayna ula jeedday, gabadhaan ku ag fadhida, ma tuke xagaa jooga baa mise waa qof aasan oo aysan waxba ka bixin?

Raxmo oo sarbeebta Shamso fahantay, ayaa ugu jawaabtay “Abbaayo Shamso, wallaahi gurigaan dhibaato ayuu nagu hayaa, oo xitaa roobka xagaayaha ma celiyo, sidaan u gofaynaynay ayaan ku rafaadnay”. Waxaa ayna ula jeedday, middaani in ay tahay musiibo warkii ka badatay. Sidaas ayaana la isku fahmay, oo ay ku ballameen wakhti kale. Tii iyada oo indhaha taag-taagaysa, oo ku haysa “Walaaley halkee biyaha ka soo daayaa” iyo “Maad guriga iska hagaajisaan” ayaa laga dul-baxay.

Raxmo iyo Shamso waa dad sidaas isku ah, waxaa ayna wadaagaan wax walba oo ku soo kordha. Arrinta Raxma-na, keliya waxaa og Shamso, oo ku dhiirri gelisa saaxiibteeda ninkan cusub ee ay baratay, waxaa ayna kala talisaa wax walba oo Raxmo kaga soo kordha dhanka saaxiibkeedaan cusub, iyaduna kama qariso hadba xaalka meesha uu u raarayo oo waa la socod siisaa.

Intii ay wada socdeen Dhimbil ayaa mar Raxmo waxaa soo doonay nin doobnimo ku weynaaday oo boostaale ahaa, oo ka shaqaynayey Wasaaraddil Boostada iyo Is-gaarsiinta, oo reerkooda weydiistay. Ninkaasi waxaa ay qaraabo ahaayeen Raxmo hooyadeed, waxa uuna ahaa nin aad loo jecel yahay, oo aad u wanaagsan. Reerka oo dhan ayaa ninkaas soo dhaweeyey, Raxma-na ka codsaday in ay yeesho ninkaas.

Raxmo, codsiga reerkana waa ka tegi la’dahay, mana jecla nin uusan wax jacayl ah ka dhaxayn in ay guursato, taasoo ay jirto, misena ma ahan nin hanti haysta oo kafayn kara. Waxaa kale oo ay arkaysaa Dhimbil oo ay meel fiican wax u marayaan isla markaasna ah dookheeda, ayna u aragto nin aayaheeda u fiican. Waxaa ay la tashatay saaxiibteed Shamso oo u ah la-taliye sama-talis ah, si ay arritaani ugu maaro hesho.

Shamso iyada oo fiirinaysa talada waaridka Raxmo, ninka soo doontay iyo midka ay w’ada socdaan, isla markaasna eegaysa labaclabacda Raxmo soo gashay, ayaa talo murtiyeysan siisay, waxaa ayna ku tiri:

Raxmooy lahanka iga daa

Lalabkiyo waswaaskiyo

Labaclabacda iga dhaaf

Talo aadan laba rogin

Waa laba aflayLeeb

Ee Laabtaada yey gelin

Waxaan taa u leeyahay

adduunyada laciifka ah

wakhti laguma lumiyoo

lama laba bogleeyee

Mar hadduusan lacagiyo

Farxiya uusan lalinayn

Dahab kaa lulaynoo

Laanguruusal wadanoo

Xiddiguhu ku laamayn

Laandheere ma ehee

Yuu ku luminin kaasuye

Lurkiisiyo dhibkiisiyo

Layiciis ka dheerow

Adigoo ladnaan iyo

Liibaan arkaayaa

Ha ka leexan abidkaa

Ha uu liicin meel aan

Luggooyiyo dhib mooyee

Lufi kaaba raacayn.

Raxmo, waxaa deeqday talada saaxiibteed Shamso ee kooban ee iyaduba horay u qabtay. Waa ay qaadatay, waxaa ayna si farsamaysan oo aan xanaf lahayn ku soo af-jartay sheekadii doonitaanka, iyada oo ku qancisay waalidkeed in ay yar tahay oo aysan hadda guur diyaar u ahayn, waxaa kale oo ay ku qancisay ninkii doonayey, oo ay is-yaqaaneen, in uu iska dhaafo, maadaama aysan diyaar ahayn hadda, asna uusan sugi karin, iyada oo kula talisay gabar kale oo ay qaraabo yihiin, oo guur diyaar u ah, taasoo isna uu ka oggolaaday. Sidaas ayeyna arrintaas ku soo af-meertay, iyada oo buuq, qeylo iyo inkaari aysan ka dhicin. Ma iyadaaba wax kale la soo marsiin karaa, meel kale baa balag looga lulaye!

Hadba jacaylka ka dhexeeya Raxmo iyo Dhimbil tillaabo guuleed ayuu horay u sii qaadaa, waxaa ayna sameeyaan wax walba oo jacaylkooda korin kara, waxaa ay aadaan meel kasta oo dalxiis iyo tamashle loo tago; xeebaha Xamar, Beeraha Afgooye, Xerooyinka Xawayaanada, Jardiinooyinka, Hudheellada waaweyn ee loo qado tago ama loo casho tago iyo meelaha kale ee ay si gaar ah u daneeyaan. Waxaa uu xitaa mararka qaar geyn jirey xafladaha ciidamada iyo kuwa madaxdii sare ee xilligaas, taasoo ay ku noqotay Raxmo riyo-riyo, waxaa ayna mararka qaar dareentaa yax-yax iyo xishood, maadaama aysan horay u arag hab-dhaqanka dabaqaddaan sare.

Meelahaas ay tag-tagto waxa ay ku aragtaa dumar saraawiil ama goonnooyin gaagaaban xiran oo aysan waxba u qarsoonayn iyo rag iyo dumar isku mar-maran. Weligeed ma arag gaalo caddaan ah hadda ka hor, in ay maqasho mooyee, waxaa ayna ku aragtaa hoteellada uu u casho geeyo. Mar bay waxa ay aragtay oday, gabadhiis iyo hooyadeed oo Dhimbil sheedda ka tusay, oo sigaar isku shidaya, dhalooyin sharaab ah – oo waxa ku jirey waa dambe ay gadaal ka fahantayna – hor-yaallaan. Iyadu waxaas ma taqaan, weligeedna ma arag, haddana lagama yaabo in ay u muhato.

Mar-mar, aad-aadka meelahaas waa ka heshaa, oo marna wax bay ka ogaataa, marna waxaa ay ka barataa dad sare oo laga yaabo in ay dan ka gasho, sida ay ugu baxsatayba mar, sarkaal uu ku baray kulamadaas oo saldhigga Xamar-weyne haystay, oo inta mar dukaankeeda askar ka xiratay ay u dacwootay, dabadeedna markii uu arkay, isaga oo aan wax weydiin, horay warqad ugu saxiixay, askartiina ku amray, in aan dukaankaas iyo gabadhaas midna loo dhawaan mar dambe. Marna waa kohataa, maadaama aysan ku jacsanayn akhlaaqda iyo dhaqanka dadkaas, inta badanna waxaa ay door-biddaa ku tamashlaynta meelaha caadiga ah ee dadka heerkeeda ah tagaan.

Meel kasta oo ay maalin-joog u tagtaba, ma jecla in ay ku gaarto fiid-dambe, waxaa ayna fiid-horaad-ba ka dalbataa saaxiibkeed, in uu gurigeedii hor dhigo, maadaama iyada iyo waaridkeeduba jeclayn caweyn gelin-dhexaad gaarta.

Labadoodaba, maalinba maalinta ka dambeysa waxaa ay sii tiimbadaan mool jacayl, waxa ayna ku naaloodaan rayn- raynta jacaylkaas baarka la baxay, oo dabayshu hadba gees u lulayso iyo ka helidda qof ba qof ka kale. Qalbiyadooda ayaa xiriir toos ah leh, oo haddii uu ku soo dhaco Dhimbil, isna qalbigiisa ayey ku soo dhacdaa. Haddii ay is-tiraahdo “Alle muu maanta kuu yimaado”, waxaa ay aragtaa isaga oo la jooga. Marka ay wada sheekeysanayaan, midba raid ka kale, waxa qalbigiisa ku jira ayuu afkiisa kala baxaa, waxaana ku badan sheekadooda “Alla waan soo waday hadalkaas, oo afkayga ayaad kala baxday!” iyo “Yaa kuu sheegay in aan hadalkaas dhihi rabey!”

Waxaa ay mararka qaar is-dhaafsadaan erayo murtiyeysan oo ay dareenkooda jacayl heerka uu gaarsiisan yahay ku cabbiraan iyo duco ay Eebbe uga baryayaan in uu isku calfo. Waxaana ka mid ah heesaha jacayl ee ay mar kasta oo ay kulmaan is-dhaafsadaan, meerisyadan soo socda:

Dhimbil:

Dhuuxa iyo lafaha iyo Jacaylkaagu dhiiggiyo Xididada dhammaan buu Dhex siqaa had iyo goor Qalbigey dhexdiisaad Raxmooy aad ku dhiggan tahay Ha I dhaafin abidkaa Dhanna ha iga aadine Dhinacayga joogoo Aan ku dhawrto weligaa

Raxmo:

Dhimbilow waxaad tahay Dhaayaha naftaydoo Dhamacdii jacaylkaa Dhammaantay isaaqdoo Dhiiggu ila holcaayaa Hadba waxaan la dhacayaa Farxad aan dhammaanayn Ee geerida la dhawriyo Mawdku dhinac hakaa maro Rabbigeen hanaga dhigo.

Kuwa dheef wadaagoo Cimriga wada dhammaystaa Iyagoon dhib soo arag

Raxmo, waayahaan waxaa ku soo kordhay isla-hadal jeceyl oo badan iyo feker dheeraad ah. Dukaankii shidnaan jirey hadda waa shiiqay, koror badanna lagama soo xareeyo waayada tan, sababta oo ah, dukaan-gedidda sidii hore kuma ahan, macaaraiil-soo-jiidashadiina waa ay ku yaraatay. Ma lahan fur-furnaan badan iyo qosolkii iyo dhoolla-caddayntii lagu yaqiinay marka ay rukunku macdaarka soo galaan. Waxaa la arkaa iyada oo fekeraysa marka ay macmiisha wax ka iibinayso, waxaana ka khalkhalma isku geynta iyo kala goynta xisaabaadka alaabta laga iibsado. Marmarka qaar, waxaa dhacda dad wax ka iibsan lahaa in ay la hadli weydo, oo markaas laga tago, oo dukaamada ku xiga laga adeegto. Marka ay qof la hadlayso, waxaa ay mar walba ku hadaaqdaa, oo ka soo fafakada magaca ninka ay jeceshahay, oo ay ugu yeerto dadka markaas ag jooga.

Hadda Raxmo iyo eeddadeed Cawrala’ (oo dukaanka iska leh) ayaa qoorta iskula jira, oo murankii ugu xoogga badnaa dhex marayaa. Waxaa islaanta la soo xiriiray macaamiil badan oo u sheegay in ay dukaankii ka wareegsadeen, sababo la xiriira Raxmo, oo aysan ka helin soo dhaweyn wanaagsan iyo adeeggii hufnaa. Qudheedu waa ay aragtaa in dukaankii wax iska beddeleen, maadaama aysan ka imaan faa’iidadii laga heli jirey. Waxaa ay bilowday in ay haatan si joogta ah u timaado; wiido iyo kor joogtayn badanna ku qabato, si ay wax uga ogaato waxa ka socda dukaanka iyo howlaha kale ee ay Raxmo dukaanka uga kasho-weyday.

Waxaa ay ku bilowday canaan joogta ah iyo handadaad ah in ay cayrinayso haddii ay shaqadeeda ka soo dhalaali weydo ama ay waayi doonto dhac-dhacii iyo dhaash-dhaashkii ay heli jirtay ee billaha ahaa. Markii ay islaantu mashquusho, carruurteeda ayaa marka ay dugsiyada ka yimaadaan u diri jirtay dukaanka, si ay ula socdaan Raxmo iyo howl-qabadkeeda shaqo. Waxaa ay gashay ciriiri kooban; meel shaqadeedii oo baryahaan ku cuslaatay ayaa u taal, meel canaan ayaa kaga socota, meel daba-gal ayaa lagu hayaa ay uga maaro weyday muraadkeedii caashaq, meelna waxaa ku socda qasabado rubbuneetoyinkii u go’een, oo butaacinaya jacayl oo wadnuhu la dhag leeyahay.

Inkasta oo ay is-giijlso si aanan maan-is-kala-hadalkeeda loo dareemin, misena dadkii yaqiinay waa ay gartaan in aysan Raxmo caadi ahayn, waxna ay si ka yihiin, iyana cid aan Shamso ahayn lama wadaagto xiriirkeeda cusub iyo jacaylka bad-weynta ah ee ay dhex taagan tahay. Marka waxa ku soo kordhay la weydiiyo, wey is-maah-maahisaa, iyada oo ka raad-gadata in ay si toos ah u abbaarto fal-celiska weydiimaha dadka ku xeeran had-iyo-gooraalaba la ag taagan yihiin.

Dhanka kale, Dhimbil isagu jacaylka halka uu ka taagan yahay Raxmo kama marayo. Haddii ay Raxmo isaga keligiis xiriir caashaq la leedahay, isagu kan mid ka daran ayuu la jilaa qoor-casyo aan iyada ka dhicin. Haddii jacaylkeedu uusan qeyb-samin oo keligi qalbigeedu buuxiyey, isagu Jacaylkiisu waa qeyb-san yahay, waxaana maankiisa daqiiqaddiiba ku soo dhacaysa qalanjo jacayl kala dhexeeyo. Haddii ay Raxmo wakhtigeeda intiisa badan ku bixiso jacaylka ay la leedahay Dhimbil, isagu waxaa uu wakhtigiisa inta badan ku bixiyaa kala maaraynta iyo kala dabbaridda jacaylladiisa kala duwan. Labo kala bariday kala war la!

Markii ay indoor ah wada socdeen, oo waddo kasta oo jacayl kobcin karta la isla maray, ayuu Dhimbil waxaa uu ku soo qaaday Raxmo guur, taas oo in muddo ah oo ay ka wada hadlayeen kaddib, ay ka aqbashay Raxmo, oo iyadu aaminsanayd in guurka Dhimbil uu u yahay fursad dahabi ah oo hal mar soo martay.

GUURKII DHIMBIL IYO RAXMO

Habkii uu ku bilowday iyo halkii uu ku dambeeyey

Markii ay Dhimbil iyo Raxmo ku heshiiyeen in ay is-guursadaan, ayaa xoogaa yar waxaa ia iska waraystay qaabka uu guurkaas u dhici doono. Raxmo, waxaa ay u soo bandhigtay in Dhimbil aabbeheed ka doono, dabadeedna uu u saraeeyo aroos heer sare ah, una dhigo aqal muunaddii ugu dambaysey ah. Raxmo sababta ay fekerkaas ugu soo bandhigtay Dhimbil, waxa ay aaminsanayd, in aysan waxaas oo dhan waxba la ahayn, bacdamaa ay aragtay dhaqaalaha uu ku bixinayo la-haasaawiddeeda oo keliya.

Dhimbil taladaas uma riyaaqin, dhib ayeyna ku noqotay, sababta oo ah, weligiis-ba guur aan qudba-siro ahayn naag uu shukaansaday kuma mehersan, waxaa ayna la tahay ceeb, in nin dhallinyaro ah uu gabar doono. Isaga oo adeegsanaya af-miishaarnimadiisa ayuu meelo badan wax ka tustusiyey, dabadeedna muddo kooban kaga dhaadhiciyey Raxmo in ay isku mehersadaan qudba-siro, markaas kaddibna ay reerka guurkooda u bandhigaan, sidaasna uu ku aqal-gaysanayo.

Raxmo markii hore uma riyaaqin fekerka qubda-sirada, sababta oo ah, horay ayey dhawr jeer u maqashey gabdho inta la qudba-siraystay la xumeeyey iyo kuwo lagu inkiray- ba uur ay ku qaadeen guurka noocaas ah. Waxaa kale oo ay ogayd qiso naxdin leh oo ka dhacday xaafaddeeda, taas oo ahayd; in islaan ay taqaanay oo garoob ahayd, oo haysatay gabar weyn, in uu nin qudba-siraystay, oo in muddo ah isku qabeen guurkaas qarsoon. Nasiib-darro se, ninkii ay islaantaas is-qabeen ayaa si gooni ah u bartay gabadheedii oo uusan aqoon, taas oo keentay in ay iyadana qudba-siro isku guursadaan.

Sidii isaga oo iskula qaba ayey arrintii fashilantay maalin ay islaanta iyo gabadha oo isla socda ay isaga soo hor-baxeen meel dariiq ah. Is-waraysi kooban kaddib, waxaa ninkii u baxay in ay is-dhaleen, laakiin labada is-dhashay midkoodna ma rabin in uu ogaado kan kale in uu ninkaani qabo, isna naxdin darteed uma sheegin. Markii ay ka dhaqaaqeen ilaa gurigii ay tagayeen, ayey labadoodii is-weydiinayeen midka kasta meesha ay ninkaan ku baratay, taas oo keentay aakhirkii in arrintii ay fashilanto, deetana waxa ay labadoodii go’aan ku gaareen in ay cayrshaan ninkaas godadlaha ah. Arrintaas oo shaac noqotay ayaa gabadhii iyo hooyadeed ku bun-dubteen in aysan hadda kaddib guur aysan isla ogayn gelin, si aysan ceebta maanta qabsatay aysan mar dambe ugu dhicin.

Raxmo oo maanka ku haysay arrimahaas hore, isla markaasna taladaas ka walaacsan, misena og in guurka qudba-siradu uu Soomaaliya ka yahay dhaqan caadi ah, ayaa feker dheer kaddib guurkaas iska guddoonsatay.

Guurka qudba-siradu waa iska fudud yahay, sidaas awgeed, waxaa uu Dhimbil u yeertay Shiikh iyo laba ka mid ahaa saaxiibadiis, halkaas ayaana qol yar gudihiis labadoodii la isugu meheriyey. Markii la isku nikaaxiyey, Shiikhii isku meheriyey ayaa wacdi dheer oo xuquuqda lammaanayaashu isku leeyihiin halkaas ka jeediyey. Waxaa uu si wanaagsan uga faalleeyey, waajibaadka ninka saaran ee looga baahan yahay in uu u fuliyo haweeyneydiisa iyo midda laga rabo haweeyneyda in ay ninkeeda u qabato. Waxaa uu ahaa wacdi qalbiga lulayey, laakiin qof walba heerka uu gaarsiisan yahay iimaankiisu galayey.

Intii uu wacdigu socday ayaa Shaafici oo ka mid ahaa markhaatiyada, ahna saaxiibka gaarka ah ee Dhimbil, waxaa uu fiiriyey Raxmo, mise maxaa kaa gabar ah, maxaa se kaa il-madow ah! Mar labaad ayuu isha ku xaday, mise waxaa ka muuqda jidbo uu ku abuuray wacdigii Shiikha, waxa uuna maankeeda ka fasirtay, in ay ka fekerayso sidii ay ninkeeda xaqiisa uga soo bixi lahayd! Waxaa uu misena dhanka kale eegay wejiga Dhimbil, mise waxaa ka muuqata kohsi uu dhibsanayo wacdiga dheer ee Shiikha iyo sii joogidda Shiikha iyo Shuhuuddaba.

Markii uu Shiikhu wacdigii dhammeeyey, loona firaaqeeyey; ayaa Shaafici waxaa uu si gooni ah ugu yeeray saaxiibkiis! Dhimbil. Waxaa uu ku yiri “Walaal, waad arkaysay wacdigii Shiikha, aniga iyo adigana dhawr jeer ayaan howlo noocaan I ah isugu dhacnay, haddana waan arkayaa xitaa in aad magacaagii baddeshay, oo aad sidaadii hore ku socotid, caawa ayaa iigu dambaysa gabar dambe oo aan kula meheriyo ee fadlan gabadhaan wanaaji, haddii kale aniga iyo adiga waa inoo kala dhammaatay”. “Waa yahay walaal, waad igu og tahay in aan wanaajiyo” ayuu Dhimbil ugu jawaabay. Halkaas ayaana habeenkii la isugu firaaqeeyey Dhimbil iyo j Raxmo.

Markaan waa nin iyo xaaskiis isku xalaal ahe, oo xiiso badanj isku qabaye, waxaa habeenkaas halkaa ka dhacday ciyaarj kululayd. Habeenkaas iyo dhawr habeen oo xigtay-ba, Raxmo waxaa dhibayey kabaalka uu ninkaas walwaalayey ee uu dalqada ku gooyey. Kadaalli, qeylo, kashlayn, indha-caddeysj iyo abhin fara-badan kaddib, waa ay is-kala qabsatay markii] dambe, dareenkeeda oo waalnaa awgi.

Wixii habeennadaas ka dambeeyey, waxaa uu kulankoodu ahaa bishaaro iyo bilkhayr, waxa ayna galeen tamashle ka macaan haasaawihii, waxaana hadba la tagaa hoteel laga kireysto qol jiif macaan, oo saacadahaas si heer sare ah, loogu baashaalo, halkaas oo ay Raxmo ku baratay dhadham ay marqaanka dareen kaga maqsuuddo marka ay la kulanto Dhimbil, waxaana ka degay dareen muddooyinkii dambe aai ugu soo kordhay, gaar ahaan intii ay ninkaan is-barteenj waxaa kale oo ay fahantay su’aalo badan oo ay iska weydii jirtay guurka iyo lammaanaha is-qaba.

Dhimbil waa Sarkaal sare oo ay badan yihiin howl-galladiisa, socdaalkiisa, dhoocilo-goobkiisa iyo marqaankiise e, inta badan dhawrkii bilood-ba mar ayuu u soo tafaxaydtaa Raxmo, oo uu u soo baashaal tagaa, oo markaasna muddo hoteelladaas Xamar kula raaxaystaa, sidii uu ugu dhakhlaynayeyna, waxaa uu markii dambe gaarsiiyey, heer uu cambarkeedii siriqda adkaa ee qararkiisu uu ciriiriga ku ahaa, uu aad u dabco, oo isagiiba mar dambe uu halow ku noqdo, taas oo keentay, in iyada oo uu ka sii qash-dhacayey iska sii haysto, kana sii doon-doonto mid keedii uu weii u niggaxan yahay!

Raxmo waxaa ay iyadu sugtaa waa goormaad aqal-galaysaa, oo aad bilaabaysaa nolosha hooyanimo, laakiin-se waxaa ka dhaadhacsan, oo uu horay ugu sheegay Dhimbil, in ay jiraan howl-gallo Millateri oo uu ku mashquulsan yahay iyo arrimo kale oo uu iska soo xallinayo, marka uu ka soo firaaq noqdana uu aqal-geyn doono. Laakiin miskiintu ma oga, in uu Dhimbil yahay saqiir-ceejiye, ka qaraabta gabdhaha kol dhaw caada-keenay, oo inta muraayadaha hor istaaga naasaha iska tuutuujiya, oo marna naasaha kab isaga gaaraaca, si ay ugu soo baxaan, oo markii uu mid ka soo dabtana, inta ayaan la-baayakhleeyo, markii uu kala dhilqiyo oo uu isku furo, ka aag-beddesha.

Ninkaan Dhimbil ah, in uu noqdo saqiir saqar-juujiye, oo uu ka maag-maaqto gabdhaha weynaaday iyo garoobkaba, waxaa ku kallifay gabar Saynab la yiraahdo, cashar ay Xamar ugu dhigtay, oo mucjiso ku noqotay, taas oo keentay in uu beddelo shaxda uu Xamar ku soo galo, oo uu nocaan u dheelo! Saynab iyo Dhimbil mucjisada kala raacday, meel dhexe ayaan ugu tegi doonnaaye, ha sugi waayin.

Sannad kaddib, waxaa Raxmo ku soo baxay arrin ay horay uga wel-weli jirtay. Waxaa ku soo baxay uur iyada oo weli joogta bannaanka oo aan la aqal-geyn. Waxaa intaas u dheer maqnaanshaha Dhimbil oo batay iyo muddada sannadka madaxa kala baxday ee guurkoodii ka soo wareegtay iyada oo aan weli la aroosin, lana aqal-geyn.

Markaan arrinkii faraha ayuu ka baxay. Haddii ay Raxmo awoodday in ay guurkeedii qariso, hadda maya, oo wallac ayaa ku soo booday. Haddii ay isku day-day in ay wallacaas farsamaysato oo aan laga dareemin, calooshii ayaan la qarin karin! Waxaa ay is-qarisay-ba, waa la ogaaday uurkeeda. inta qoyskeeda warkii dhaafay ayaa xaafadda oo dhan gabdhuhu uga sheekeystaan, wiilasha xaafadduna biibatooyinka ayey uga shaah-cabbaan. Labadii qof oo xaafadda Xamar-Bile ama aaga-gaarkeeda deggan, markii ay kulmaan waxaa ay isku salaamaan “War niyuu ah nig dheh, mala socotaa xaalka Raxmo” iyo erayo la mid ah.

Dhib badan oo ay qoyskeeda kala kulantay kaddib, waxaa ay u sheegtay in ay si hoose isku guursadeen sarkaal sare, uuna haatan ku maqan yahay Shaqo Qaran, marka uu yimaadana uu aqal-geysan doono, taasoo qoyskii ay isaga qanceen, laakiin waxaa la weydiiyaa mar walba “Meeyey ninkaagii?” iyo su’aalo kale oo badan, oo ay u maara la’ dahay. Waxaa intaas ka daran asxaabteedii oo xan hoose ku bilaabay oo ay wejiga siin la’dahay, maadaama wax caddayn ah aysan siin karin. Waxaa taas uga sii daran niyad-jab ka soo food-saara ma: walba oo ay aragto aroos qiimo badan oo loo samaynayo gabdhaha asaaggeeda ah.

Markii uurka Raxmo la wada ogaaday, oo ay arrintii facshar noqotay ayaa eeddadeed dukaankii ka eayrisay, maadaama, iyada oo waayadan oo dhan shaqadeeda aysan la jacsanayn, ay misena keentay uur shaki badan dhaliyey, waxaa ayna aamisan tahay in gabdhaha uurka laga shakiyo wada a; yihiin dad aan biti lahayn oo ganacsigii loo dhiibo u’ musallafayo, taas oo markii ay ogaatay uurka Raxmo, a; garatay sababta uu dukaankeedii hoos ugu socday waayadc tan. Waxaa ay haatan Raxmo joogtaa gurigooda iyada oo aa waxba haynin, niyad-jabsan isla markaasna calooshu buuxdo.

Weydiimaha oo ku batay dartood, waxaa ay Raxmo ka go’da; saaxiibadeed, waxaa ayna ku soo koobantay qolkii ay seexa jirtay oo keliya. Muuqaal ahaan wey dhaban-shubantay indhaheedii waa gurmeen, waxaa ayna noqotay weyd caloo keliya ay ka soo horreyso. Waxaa intaas u dheer busaarad iy shiid, oo dukaankii ay dhaaraanka ka heli jirtayna waatan k here furihiisii lagala wareegay, ninkii Dhimbil ahaana war- iyo-wacaal toona lagama hayo.

Talo adduun baa haysata! Waxaa ku jira wel-wel iyo shaki, waxaa ayse ka dhursugeysaa seygeedii, iyada oo aan qiyaasi karin sida waayaha soo soeda ay wax noqon doonaan. Taas waxaa uga darmatay, saaxiibteed Shamso Cabdi ee ay wax kasta la wadaagi jirtay waa ka tagtay raagaalada Xaraar, waxaa ayna u dhooftay waddanka Sucuudiga oo ay shaqo u raadsatay, mana aysan lahayn saaxiib kale oo waxa hulaaqaya laabteeda ay u sheegato oo dejiya, talo siiya, lana jaal noqda oo ka difaaca arrimaha xun ee suuqa loo gelinayo.

Sidii ay uurka u qaadday, niuddo lix bilood ah il kama aysan qaadin Dhimbil, mana taqaan meel uu jiro, si ay ula xiriirtana garan mayso. Taar kama hayso, taleefoonna warkiisa daa, einwaanna haba sheegin! Wax saasa kama taqaan ninkeeda, marka laga reebo heybtiisa oo ay ku baratay sida uu ugu faano iyo deegaanka uu ka soo jeedo oo dhawr jeer ay ka maqmaqashey. Sidii ay ku taqaanay Dhimbil, intaas Xamar kama maqnaan jirin, taas oo misena ku abuurtay walbahaar iyo tiiraanyo hor leh, waxaa ayna ka baqaysaa in uu magaalada joogo, sidaana uu ku tala-galay! Sidii ay uga dhur-sugeysey ayey aragtay wakhtigii oo xawaare ku soeda, iyada oo sii cuslaanaysa iyo dhibaatada ku sii badanaysa oo ay ka wel-weisan tahay waxa ay u sheegayso waaridkeed iyo magac-xumada ka sii faafeysa maalinba maalinta ka dambaysa, oo qoyskeeda gadaal ugu soo laabanaysa.

Raxmo, waxa ay haatan aragtaa in uusan fadhi u ool, jiif iyo fekerna waxba u keenayn. Waxa ay bilowday in ay toosh afar qaad ah ku baadi-goobto Dhimbil. Inkasta oo aysan aqoon dheer u lahayn dhalasho-hoosaadkiisa iyo qaraabadiisaba, laakiin waxa ay wax yar ka taqaan qaar ka mid ah meelaha uu nasiinada u tago iyo xoogaa ka mid ah majaalis- marqaaneedka uu fariisto. Waxa ay sida oo kale taqaan dad dhawr ah oo ay ku ag baratay intii jacayl abuurka ay ku jireen. Waxaa ay baadi-doonkii Dhimbil u samaysatay qorshe-howleed, waxaa ayna ka bilowday toddobaadkii koowaad dhawr meelood oo ay Xeebta Liido ugu horreysey, nasiib-darrro se waa ku soo hungowday, oo kama soo helin. Waxaa ay misena bilowday in ay ka indha-indhayso meelaha uu mari jirey iyo xarumaha uu rukunka ka ahaa ee uu jaadka ka qaadan jirey.

Maalmo dhawr ah kaddib, waxaa ay si nasiib ah ku heshay isaga oo gaari qurxoon oo Laangaruusal ah lagu wado meel u dhaw Bangiga SilsUad-weyne. Gacania ayey u taagtay. Waa uu arkay, waxa uuna gartay Dhimbil in qofta gacanta u taagaysa ay tahay Raxmo. Waa u istaagay, inta u soo degtayna nabdaadiyey. Waxaa ay ku catowday sababta isaga oo magaalada jooga uu u soo raadin waayey, iyada oo uga sheekeysay uurka ay u qaaddey iyo dhibaatada qoyskeeda iyo qaraabadeeda kaga soo wajahay arrintan!

Waa hadal-yaqaan misena dhaqanka gambooleyda yaqaanne e, waxaa uu isugu daray hadal qurxoon, cudur-daar maan- gal ah iyo xoogaa dhaqaale ah oo uu markaas hayey iyo weliba ballan uu u dhigay in uu iyada iyo qoyskeedaba uu gurigooda ugu imaanayo, taas oo ay ku qanacday Raxmo, waxaa ayna ka dhaqaaqday goobtii iyada oo maqsuudsan, isagana, isaga oo dhoolla-caddeynaya gaarigiisii sii raacay. Gacan-haatis, Macasalaamo, Bye iyo Jaaw ayey isa sir lahaayeen ilaa ay sii kala libdhayeen.

Raxmo markaan waxbaa ka fuqey, niyadda ayaa xoogaa u degtay, waxa ay isla heshay balian-qaad ay ku rajo weyn tahay, in sidii loogu tala-galay uu u dhacayo iyo xoogaa dhaqaale ah, maadaama ay waayadan oo dhan wax la’aan ahayd, waxaa ayna hadda is leedahay waxa aad niyadda ku sasabto, reerkana u sheegto ayaad haysaa. Markii ay gurigii gaartay oo reerkii u tagtay-ba, waxaa ay siisay vvar-bixin ku saabsan la kulanka ninkeedii iyo ballan-qaadkii uu u sameeyey, waxaa ayna u sheegtay in mar dhaw la-aqal-gey doono, ninkeedana uu reerka sooryevn doono, iyada oo dhanka kalena wax ka siisay xoogaagii fara-qabsiga ahaa ee uu soo siiyey. Rcerkii arrinkaas waa rumeystay waana soo dhaweeyeen, aqbal iyo ijaabo ayey dheheen, waxaa iyagana dhankooda ka siibmay warmo wadnaha kaga wada lig-lignaa.

Habeennadu waa ay is guraan, wakhtiguna deg-deg ayuu ku socdaa, waxaa ayna ka dhursugeysaa marka xiiliga balianta la gaaro, qaabka uu Dhimbil u maarayn doono howlaha ragaadiyey ee qeyrkeed ka reebay. Waxa uu xilligu socdaba, waxaa la gaaray wakhtigii lagu ballamay. Laakiin sidii ballantu ahayd, Raxmo wax war-iyo-wacaal ah kama helin Dhimbil, muddo xoogaa ah kaddibna waxaa ay dhashay wiil – ay u bixisay Faarax – iyada oo weli iaga sugayo Raxmo ninkii ay sheegtay in uu guursaday. Qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii Raxmo waxaa ay ka war-sugayeen ballantii ay tiri ninkiibaa ii qabtay. Laakiin markii la gaaray ballantii xilligeedii, misena muddo badan laga joogo, lana vvaayey ninkii ay Raxmo sheegaysay, waxa ay is-tuseen in aysan Raxmo waxba faraha ku hayn, ilmahaanna yahay ilmo ku yimid gogol-dhaaf ay ku khaldantay, lana jihanayso maarayntiisa iyo meel-u-yeeliddiisa.

Dhawr goor ayaa gabdho deriska ah u yimaadeen, oo u sheegeen in arrimaha noocaan oo kale ah aysan iyadu ugu horreyn, oo gabdho Soomaaliyeed oo badan ay gogol-dhaaf kaan oo kale ku dhaceen. Waxaa ay ugu caqli celiyaan “Abbaayo is-deji, wiilkaan Allaa ku siiyee iska hayso, hadda kaddibna, annaga iyo adigaba tusaale ayuu inoo ahaanayaa arrinkaan!”. Waxaa ay haddallada gabdhahaasi ku sii holciyeen dab iskiis isaga daarnaa, waxaa ayna ka qaadday dhib iyo walaahow kale.

Raxmo markaan waxbaa iska beddelay dareenkeedii oo dhan, waxaana u caddaatay haatan, in ay ku fududaatay guurka ninkaan. Waxaa ay u aragtay Dhimbil in uu yahay nin xun. Waxaa ay garowsatay in hadda, mar kale, jiif iyo joogba ku raadiso. Waxaa ay u diyaar garowday dagaal, waxaa ayna samaysatay gaarruun ay hoosta ku wadato, oo haddii xaalku xumaado – lacalla – ay isticmaasho, marka ugu horreysa ee ay indho ka qaaddana ay gorodda iska laalaadiso, oo Rabbi iyo Ragba tusto. Kama qabto wax rajo ah aayo-la-wadaaga Dhimbil, weyna ka uur go’day, laakiin waxaa ay u raadineysaa oo keliya hadda, in ay madaxeeda ka hesho iyo in ay ehalada ku qanciso in uu guurkeedu jiray, oo xanta suuqa loo geliyey ay tahay been iyo huuhaa.

Markii ay ka baxday ummushii, ayaa waxa ay raadin iyo goobid ugu dhaqaaqday Dhimbil. Waxa ay ballansatay laba gabdhood oo ay taqaanay oo ay isku xaafad ahaayeen, oo ay horay uga dareentay in ay hadalkeeda rumeysan yihiin kana damqanayeen dhibaatada haysata, iyada oo ka codsatay in ay caawiyaan, iyaguna waa ka aqbaleen.

Maadaama ay dagaal galeyso, waxaa ay ku war-gelisey labadii gabdhood in ay dagaal u diyaar-garoobaan, waxaa ayna mid kastana u dhiibtay dhamas ay ku dagaalanto haddii arrintu gacan-ka-hadal gaarto. Waxaa ay ka anbba-qaadday in ay ka goobto meel kasta oo ay raadkiisa ka heli karto, oo ay ugu horreyso meelihii markii ay gabadha ahayd uu geyn- geyn jirey iyo asxaabtiisii, kuwii ay ku ag baratay.

Waxaa ay ka bilowday hoteellada iyo albeergooyinka magaalada, kuwii ay horay ugu baratay ee ay ka wada qaxweyn jireen xilliyadii is-barashada iyo jacayl-unkanka. Waxaa ay afka saartay oo abbaartay hoteelkii Jubba, oo uu teg-tegi jirey, iyada oo hoggaaminaysa labadii gabdhood. Lacag gaari lagu raaco ma haysane, lugta ayey la jafeen, ilaa ay gaareen halkii loo jeeday. Markii ay hoteelkii gaareen ayey labadii gabdhood waxaa ay ku tiri “Halkaan ii sii jooga aan soo ogaado in uu joogo iyo in kale e”.

“Anna Xamdi abbaayo”. Raxmo oo iyada dhibka haya moodaysa in ay gabdho badan la qabaan ayaa Xamdi weydiisey, sababta ay halkaan u timid. Xamdi ayaa markaas u sheegtay, in ay ninkeeda oo la yiraahdo Axmed halkaan ku ballansan yihiin, oo ay sidaas u timid. “Oo abbaayo guri iskuma joogtaan miyaa?” ayey weydiisey, iyada oo la yaabban waxa gabadhaan yar waalay! Xamdi ayaa ugu war-celisey “Maya abbaayo, waan is-meher xadney, waxaana ku ballansannahay in aan mar dhaw aqal-galno, maadaama aan haatan wallac ahay, oo aan muddo is-qabnay”.

Raxmo oo ka shakisan in ay inantaani waddadeedii halaagga ahayd ku taaggan tahay, oo Dhimbil oo kale helay, ayaa tiri, “Abbaayo, Allaha idiin fududeeyo aqal-galkiina, aniga mid la yiraahdo Dhimbil, oo aan is-qudba-sireysanney ayaa ilmo iga dhaley, misena iga dhuuntay oo aan hadda halkaan ka raadinayey bal in uu joogo, oo haddii aan helo balaayo na kala raaci doonto.”

Xamdi hadalka Raxmo waxbaa ka raacey, waxa uuna ku dhaliyey shaki iyo wax-is-weydiin badan. Waxaa ku soo dhacay in ay macquul tahay in ay ku dhacdo waxa ku dhacay gabadhaan, laakiin waxa ay isku maaweelinaysaa, in ninkaani jecel yahay ee uusan la mid noqoneyn midka Raxmo wareeriyey ee hor-iyo-hoyaadka u diidey ee gaarsiiyey in ay maanta laamiyada wareegto oo ka bidhaan-raadiso. Marbaaba niyadda waxaa qalow uga soo yiri hadal ay hooyadeed iyo dumarka qaar ka maqli jirtay oo ahaa “Rag lama aamino”, markaasey is-weydiinaysaa waxa oraahdaas laga wadey. Iyada oo xoogaa aamusneyd, maskaxdeeduna weydiimo iyo war-celis ku mashquulsanaayeen ayey inta ku soo jeesatay Raxmo ku tiri “Haye abbaayo…Mahad-sanid, Allaha umuuraha wada sakhiro.”

Dhimbil oo hoteelka kula ballansanaa Xamdi ayaa sheedda ka arkay Raxmo iyo Xamdi oo wada taagan. Waa uu rumaysan waayey. Isha ayuu mar labaad ku celiyey, mise waa labadoodii oo uu midna hilmaamey midna uu meesha kula ballansanaa. Waa aamini waayey, misena inta istaagey ayu qooraansadey, raise dadku waa iyagii laftoodii! Waxaa uu qaatay in ay horay isku yaqaaneen, oo ay hadda isaga isk wareysanayaan, oo uu halkaas ku kashifmo. Inta fadhigii s deg-deg ah uga istaagey, ayuu hoteelka laababkiisa mid mid ah galey, isaga oo go’aansadey in uu labadaba liifadda u| gaabiyo inta uu xaalku degayo.

Markii ay kala bogteen labadii gabdhood ayey inta is-macasalaameeyeen mid walba danta ay u timid raadsatay. Xamdi ayaa fiir-fiirisey meelaha uu fariisan jirey saaxiibkeed, mise maba joogo, xilligii ballantana waa la gaaray! Waxaa ay niyadda iska tiri “Bal xoogaa sug”. Cabbaar ayey fadhidey meesha, mise ma leh! Markii ay saacado badan sugeysey, sharqanna u bixi weyday ayey isaga tagtay, waxaa ayna abbaartay gurigeedii.

Xamdi waxaa weli ka go’i la’ hadalkii Raxmo, waxaana ku batay shaki maadaama ay weyday saaxiibkeedii ay hoteelka ku ballansanaayeen. Waxaa ay is-leedahay armaa arrintii Raxmo qabsatay kugu bilaabatay hadda, oo aad adiguna qaaddaa jidkii ay haysay Raxmo. Iyada oo sidii wax isku weydiinaysa, oo dadka aaga-geerkeeda marayey fekerkeeda iyo isla-hadalkeeda dareemayeen ayey gurigeedii tagtay, iyada oo aan wax xal ah uusan ka soo bixin wada- sheekeysigeedii.

Dhanka kale, Raxmo waxa ay ku wareegtay hoteelka oo dhan, ninkiina il kama aysan qaadin. Xitaa ma aysan arag dad kale oo ay taqaan oo ay weydiiso. War-wareegeedii waxaa arkayey dadkii hoteelka ka qaxweynayey oo dhan, oo qaarkood u qaateen in ay tahay qof soo shaqo tagtay, oo wax fariisiyo la’! Marka ay ingooraa leh eeg-eegaysey, asay wax u bixi waayeen, ayey iyada oo neef tuureysa, qalbi-jabsanna iska baxday. Gabdhihii dibedda ku sugayey ayey inta u tagay ku tiri “Ina keena, maqaafaadkii halkaan waan ka waayaye’’. Way raaceen gabdhihii, iyaga oo tuhun cusubi galay, oo ah in ay gabadhaani waxaa ay sheegayso wax u dhimman yihiin.

Raxmo, go’aankeedii baadi-goob intaas kagama harin. Waxaa ay maalin kale biyeysatay ubbadeedii, horayna u kaxeysatay labadeedii saaxilb, oo markaan caga jildaya, oo horay u soo lashadey. Waxaa ay goor galab ah abbaartay hoteelkii Curubo oo uu mar mar ku mayracan jirey. Markii ay gaareen hoteelkii, ayey gabdhihii sidii ku tiri “lllinka ii sii fariista, haddii aad maqashaan hurgan iyo qaylana soo orda xaalku caadi ma ahane, haddii kalena anaa idiin war-keenine isuga”.

Markii ay hoteelkii soo gashey ayey kor ka aragtay isagii wax u eg, oo naag la fadhiya. Waa ay maleysan weyday, markaasey inta istaagtay si fiican u eegtay, mise ninku waxaa uu u eg yahay ninkii ay raadinaysey. Dhimbil, oo isna la fadhiya qalanjo ay maalmahan is-calmadeen, oo xabbad sigaar ah inta shitay hadba gees u afuufaya ayaa isha ku dhuftay Raxmo oo ku soo socota. Inta naxay, oo yaabey, ayuu gabadhii uu la fadhiyey ku yiri “Gacaliso, howl deg-deg ayaan soo xasuustay, hoteelka ayaan galayaa, waana kuu soo laabanayaa, haddii aan kaa soo daahana iska sii tag, mar kale ayaan kulmaynaaye”. “Gacaliye, aniga laftaydu waan daahey, waana sii baxayaa markaan dhammaysto cabitaannadan, ee waa inoo mar kale” ayey ku tiri “Haye” intuu yiri, oo si deg- deg ahna ku baxay, ayuu hoteelkii dalaq yiri.

Raxmo oo saan dheereynaysa, shakina ku jirey oo, is-lahayd “Ninka ku dhawow in uu yahay isagii iyo in kale aad kala xaqiiqsatide” ayaa inta ay soo socotay waxaa isku gudbey gaari hoteelka ka baxayey. Waa ay joogsatay intii uu gaarigii ka gudbayey. Markii uu gaarigii gudbey ayey soo dul istaagtay halkii uu ninkii fadhiyey, mise waxaa fadhida oo ku sharaab-cabbeysa gabadhii ay arkaysey oo keliya, ninkiina ma leh! Waa gabar yar oo ay ugu jirto, oo adduunku haatan u hillaacayo, oo marka ay aragtay qaabkeeda ay soo xasuusatay sida ay ahaan jirtay oo ay u taagnaan jirtay iyo sida ay hadda, jir iyo horaaddaba u yaac-yaacayaan!

Raxmo inta gabadhii ag fariisatay ayey sheeko indha-adayg ah la gashay. “Abbaayo, dadku in ay is-bartaan waa wanaagsan tehee, waxaa la i yiraahdaa Raxmo ee adigu magacaa?” Inta gabadhii la yaabtay gabadhan iska soo ag fariisatay, raisena barashadeeda qal-qaalsaneysa, ayey u sheegtay magaceeda. “Abbaayo, anna Shaqlan baa la i yiraahdaa”. “Abbaayo, markil aan halkaas ka soo socday ran baa kula fadhiyee meeyey?” ayey weydiisay. “Abbaayo, waa uu deg-degsanaayoo waa uu baxay” ayey ugu jawaabtay. “Abbaayo, ma walaalkaa buu ahaa?” ayey misena weydiisey. “Maya, waxaa uu ahaa saaxiibkey” ayey ugu jawaabtay. “Abbaayo, magaciis?” ayey mar kale haddana weydlisey. Inta Shaqlan la yaabtay weydiimahan aan magaaliga ahayn iyo afaare-hoosaadka ay gabadhani xulayso ayey ku tiri “Abbaayo tan waan kaaga jawaabin, laakiin su’aal kale ima weydiin kartid. Ninkaasi waa saaxiibkey waxaana la yiraahdaa Jaamac Axmed”. Halkaasna uga aamustay.

Raxmo, gabadhii markii ay cabbaar la joogtay ayey inta ka kacdey meel kale fariisatay bal in ay aragto ninkii u ekaa Dhimbil si ay u xaqiiqsato. Markii ay in muddo ah fadhidey uuna soo laaban waayey ninkii, ayey inta kacdey ka fiir- fiirisey bannaanka iyo golosha hoteelka. Markii ay indhaheedu waxba qaban waayeen ayaa iyada oo haantaa- wilfaysa iska baxday. Dhanka kale, Dhimbil oo hoteelka gudahiisa ku jirey ayaa meel kore ka qashiyey Raxmo, sugayeyna ilaa ay ka baxaysey.

Intii ay maqnayd Raxmo ayaa labadii gabdhood ee la socotay is-waraysteen, waxaa ayna ku tashadeen, in haddii ay Raxmo maanta wax war ah keeni weydo, aysan mar dambe soo raacin, waxa ay sheegaysana uu yahay war been ah iyo gacmo-daalis, wakhtina mar dambe nooga lumin. Raxmo marka ay ka soo baxday ayey u timid labadii gabdhood oo si hoose u sheekeysanaya. Waxaa ay ku tiri “Abbaayo soo baxa, jinni dhifseygii waayaye”. Inta hoos iska qandhuufteen ayey dheheen “Haye”, markaasna xaafaddii loo sii wada hadaafey.

Raxmo, markii ay gurigii ku laabatay, waxaa ay ka shaqeysiisey maskaxdeedii. Waxaa ay is-weydiinaysaa “Ma intaas baad uga hari kartaa raadinta Dhimbil? Maya … maya.

Laba jeer baad weerar baadi-goob oo lixaad leh qaadday, oo aad ku guul-darraysatay, armey guul-darradani iska soeotaa, oo ur kuu bixi weydaa? Maxaad samaysaa? halkee se mar kale wax ka bilowdaa?”. Iyada oo weydiimahaas badan is- wey-weydiineysa, ayaa waxaa ay dib u milicsatay murtida iyo maahmaahyada Soomaaiiyeed. Waxaa qalbigeeda ku soo clhacay oraah dhaheysa dadaalaa waa gaaraa. Markii ay dhadhansatay macnaha murtidaas, waxaa ay ku adkaysatay in aysan ka niyad-jabin raadinta Dhimbil, oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuusho ilaa ay gacanta ku soo dhigayso ninkaasi.

Raxmo, mar ayey is tiri “Bal waa intaas oo, sidii waagii hore oo kale aad ka heshaa laamiyada e, laamiga MAKA AL-MUKARAMA qaad, waxaa laga yaabaa in aad aragto isaga oo gaari laanguruusal ah la xiimayee”. Way og tahay in aysan saaxiibadeed lugtaan dheer ee bilaa biya-cabbaalka ah ka bixi karine, iyada oo keligeed ah, ayey inta gaarruunkeedii hoosta sii gashatay, cagteedii maashay.

Waxa ay lug ka soo bilowday laga soo bilaabo hoteelkii Curubo, waxaa ay hore u soo martay hoteelkii Shabeelle iyada oo soo qaadday laamiga hor mara hoteelkii Jubba, waxaa ayna socotay ilaa sarta Soobbe. Hadba gaariga ay ka shakiso oo ula ekaada kuu wadan jirey oo kale ayey gacanta u haatisaa, markaasaa qaarna dhaafaan, kuwa u istaagana waxaa ay u maleeyaan qof maciin u baahan, marka ay soo dul-istaagto ayey gaariga gudihiisa fiir-fiirin ugu dhaqaaqdaa, iyada oo gaarruunkeediina la soo baxda, markaas baa loo maleeyaa qof waalan, isla markiina inta muraayadda laga dallacdo laga cararaa. Waxaa ay tagtay sarta Soobbe iyada oo aan waxba helin. Markaasey misena Soobbe ka soo dhaqaaqdey kuna timid hoteelkii Curubo, kana aaddey gurigeedii, iyada oo aan waxba soo helin, cagihiina ay soo dil-dilaaceen. Kaaga sii darane, waxaa ay ahayd Maarso – bisha Xamar ugu kulul, mana aysan haysan waxaa ay biyo ku cabto, iyada oo dhuuntii qallashey ayey gurigeedii ku soo laabatay.

Waxaa ay gurigii tagtay iyada oo daallan, qalbi-jabna ka muuqdo. Inta wiilkeedii naaska u dhigatay, oo seexsatay ayey sariirta isku tuurtay. Dhibka haysta darteed, hurdo kama soo dhicine, waxaa ay gashey bad xasuuseed, waxaana daqliqad daqiiqad u soo hor mara sidii ay ahaan jirtay iyo sida ay maanta tahay. Waxaa ay soo xasuusataa barashadii Dhimbil, guurkiisii iyo dhibaatada uu baday! Waxaa hadba la soo hormariyaa sumcaddii ay bulshada ku dhex lahaan jirtay, sidii looga heybeysan jirey iyo waxa maanta suuqa u yaal. Wax walba waxaa uga daran waaridkeeda ku faani jirey, oo meel walba ka sheegi jirey sida ay maanta yihiin, ugana shalleysan yihiin magac-xumadaan suuqa u gashay, waxaa ayna ka dareentaa wejigooda in ay ka xun yihiin dhalashadeedii. Mar ayeyba is leedahay, maxaad boostaalihii sidaan ogaa kuu soo dooney, oo kuu sharfey u guursan weyday, maanta waxaan kuguma dheceene! Iyada oo ka qoomameysa taladii Saaxiibteed Shamso.

Iyada oo garni la’, badahaas xasuuseedna dhex jibaaxeysa ayey bilowday in ay ka shallayso fudeydkeedii hore, Allana ka baridey in uu xaalkeeda furdaansho iyada oo mararka qaar ku cel-celineysey erayadan calaacalka ah:

Adduunyadu kadeed iyo

Waxaa yaal kurbiyo hoog

Anigoon kaskaygiyo

Caqligeygu kobac gelin

Kal horaadkii sannadkaan

Soo wiil kubbaysani

Kaftan ilama soo gelin

Kix-kixdiyo ciyaaritii

Hadba kulanka meel wacan

Kama koobin sheekadi

Anigoon ka filayn

Guri uu kireystiyo

Niman meesha kuudidey

Qol kadeedan ima geyn

Nikaax kadisa iguma xiran

Deedna meeluu kabihiyo

Kob uu jaan iyo cirib dhigay

Karaankey ma deydeyin

Hadda soo kurbiyo ail

Kaligey kumaan noqon

Saaxiibadey kurtood iyo

Kulli ehelki kama go’in

Kariimow Allahayoow

Kaabe kale ma haystee

Kashifoo wixii dhacay

Iga fayd kurbadan ba’an

Fadhi uma yaalla e,

Iyada oo erayadaas ku cel-celinaysa, ayaa waxaa ku soo dhacay hoteeika Weheiiye, oo uu mar mar aadi jirey. Markaasey maanka iska tiri “Galabta halkaas ku dhar-dhaar, waxaa laga yaabaa in Alle keenee”. Iyada oo aan weli nasan, ayey hoosta ka xarriiqdey in ay hoteeikaas foodda saarto. Waxaa ay u cid dirsatay labadeedii saaxiib, kolkaasey u imaan waayeen. Inta aadday ayey lug guryahoodii ugu tagtay. Waxaa ay wadiisatay in ay galabtana raacaan, oo ku weheliyaan dullaan kale oo ay qaadeyso, kuna wajahan hoteeika Weheiiye, laakiin markaan waa ka diideen, waxaa ayna dheheen “Abbaayo, laba jeer ayaan ku raacney, waxaan luggooyo ahayna kamaanaan keenin, marka abbaayo waxaan jirin hannagu luggoyn, haddaad aadeyso adigu aad, haddii aad dad ku raaca u baahan tahayna, gabdho waa badan yihiine, kuwo kale kaxeyso”.

Raxmo, hadalka gabdhahaani waa ay ka naxdey, laakiin waxba uma dhimin, ee kaligeed ayey Eebbe tawakashey, waxaa ayna isku siidaysey hoteelkii. Ma aysan haysan waxaa ay gaari ku raacdee, cagteeda ayey maashey. Waxaa ay sii wid-wid tiraahdaba, waxaa ay iyada oo noogsan isa sii taagtay hoteelkii. Marka ay irridda sii galaysey ayey aragtay Xamdi oo luudeysa oo diif iyo dac-darro ka muuqato oo hoteelka ka soo baxaysa. “Xamdi soo ma ahan?” ayey inta Raxmo gacan-qaaday weydiisey. “Haah, Abbaayo waa iyadiiye ii warran?”. Iyada oo aan weli hadalkii ka bixinna sii daba-dhigtay “Abbaayo, weli ma ninkii baad goobeysaa mise si kale ayaad halkaan u timid?”. “Abbaayo, weli ninkii baan goobayaa, mana helin” ayey Raxmo ku catowday, iyada oo Xamdi-na xaalkeeda weydiisey.

Xamdi ayaa uga faaleysey Raxmo wixii halkaan keeney “Abbaayo Raxmo, wixii kugu dhacay ayaa anna i haysta, ninkii waagii aan kuu sheegayey, ayaan hadda u leeyahay lix bilood oo uur ah, ilaa maalintii aannu ku kulmaynay hoteelka Jubba, sidii uu iigu gooyey ayaan ilaa hadda u la’ahay, meel uu jaan iyo drib dhigayna ma aqaan. Hoteellada ayaan ka raad-raadiyaa, haddana hoteelkaan ayaan ka soo raadiyey waana ka waayey, haatanna gurigii ayaan u sii lugeynayaa”. “Alla, Abbaayo dhibkaas waa na wada haystaaye, Allaha noo wada sakhiro, anigu qudhaydu hadda hoteelkaan ayaan ka raadinayaaye”. Sidaas ayeyna, iyaga oo isku ducaynaya ku kala tageen.

Xamdi, 9 bilood ka hor ayaa waxaa ay ku dhacday dabin u yaaliey Dhimbil marin u dhaxeeyey Is-goyska Xariiryaale iyo Geed-jacayl – oo ay degganeyd – oo u ahayd jid ay marto marka ay ka timaaddo ama aadeyso Dugsigii sare ee 15-ka Mey oo ay dhiganaysay fasalkiisa labaad. Dhawr jeer oo uu laamiga ka soo qaadey iyada oo lugeynaysa, oo uu marna Iskoolka geeyey, marna xaafaddeeda, ayuu inta la yaabey nacnaca iyo subagga ay tahay gabadhaasi u daadiyey malab iyo sokor, markaasey inta macmacaankaasi la tageen ku rideen shabaq aysan ka fakan karin.

Xamdi waxa ay ahayd curadda reerkooda oo ka koobnaa waalidkeed, laba wiil iyo saddex gabdhood. Waxa ay ahayd 15 jir, sannad ka hor qaan-gaartay, misena cun-cun hoose Shaydaan ku fiid-kiciyaye, jacayl xad-dhaaf ah oo maasheeyey, oo uu ku abuurey saaxiibkced Axmed uu gaarsiiyey in aysan hadal ka keenin meher qarsoodi ah oo uu ku xirtay, taas oo keentay in ay maanta lix bilood tahay, oo waxa ay qarsataba bannaanka is keenay. Xamdi waxaa ay kaga duwan tahay Raxmo, waxaa ceyriyey waaridkeed, kaddib markii ay sheegi weyday ninka uureeyey magaciisa oo saddexan, haybtiisa iyo halka laga helo, taas oo keentay, in loo qaato in ay game waddo, waxaana loo eryey in aysan reerka faddarayn, magac-xumadeedana guriga laga fogeeyo, kuna quus-qaataan labada gabdhood ee kale ee ka yar-yar, waxa ayna hadda la nooshahay Abtigeed. Waxaa kale oo intaas u weheliya, waxa ay ka hartay dugsigii sare, ceeb iyo sharaf-darro darteed.

Intii aysan waxaan qabsan ka hor, waxaa ay ahayd gabar quruxda Eebbe siiyey darteed – ay ku tartamaan dhallinyarada eynigeeda ah, waxaa-ba mar dhaeday, in ay wiilal badan isku laayeen xod-xodashadeeda.

Xamdi waxa ay ahayd gabar markaas madaxa la soo kaeday, oo ahayd carjaw korriimo deg-degtay welina korriimo ku socoto, oo duxda dabiiciga ah ee korkeeda ka muuqda laga subkan karo, quruxda ka muuqatana, waxaa ay loollan u geli kartaa tartanka quruxda adduunka. Waa fanaxley soo jiidasho leh, midab-ifeysa, bashaash ah oo furfuran, oo dhuuban oo dheer.

Ma aqaan macmaanka iyo waxaa ay badsatee, waxaa kor ka muuqan jirey horaaddadeeda oo aad u karay oo shaatiga guluusyadiisu la xirmi la’yihiin, oo labada badhan dhexdoodana xoogaa wax laga qishi karey. Surwaalka ku dheggan marka la eegana, wax badan ayaa laga sawiran karey, taas oo keentay in markii ay dugsiga aadeyso araa ka tagayso ay rag badan oo aan iska-warqabin daba galaan. Timaha madow ee jilicsan ee dhirirka badan iyo wejiga gaduudan lagama yaqaan gabdhaha maqabiyaadka ah ee guryaha Xamarweyne ku oodan. Waxaa laga dheehan karey labbiskeeda iyo nolosha ka muuqata in ay ka soo jeeddo qoys barakaysan, oo adduunyadu gurigooda ay ugu timid. Nimcooyinkaas iyo kuwa kale oo badan ayaa Xamdi loogu daw-galay.

Raxmo, hoteelkii ayey horay u gashey, waxaa ay fuushey qeybta sare ee lagu casaryeyn jirey, mise waxaa ay isheedu qabatay nin wejigiisu uu ku yaalley, laakiin ay garan la’dahay meel ay u saarto. Waa ay eegtay, misena eegtay, oo aad ugu fiirsatay, waxaa ayna ka shaqeysiisey maskaxdeeda. “Alla, waxaa uu u eg yahay ninkii meherkeygii markhaatiga ka ahaa!” ayey is-weydiisey. Waa sii eegtay, waxaa ayna xaqiiqsatay in uu yahay mid ka mid ah markhaatiyaashii meherkeedii.

Inta soo ag fariisatay miiskii u fadhiyey ayey salaantay. Waa uu eegay, mise waa qof uu isna bar-garanayo, laakiin uu soo dhifan la’yahay qofka uu ahaa. Inta soo dhaweeyey ayuu salaantii ka qaadey, waxa uuse weydiiyey qofta ay tahay. Waxaa ay tiri “Walaal, waa Raxmo”. In uu garan waayo inta ay ka baqdey, ayey misena sii raacisey “Waa Raxmadii aad saaxiibkaa ku meherin jirtay”. “Alla, naa Raxmo ii warran? Maxaa sidan kuu galey?!’’ ayuu weydiiyey. “Abboowe, waa nabad, waxa sidaan ii galey, waa waxa aan galabta kuugu imide, waana kaa dharjin” ayey ugu jawaabtay. Waxaa uu u yeerey adeegihii hoteelka, waxaa uu ku yiri “Waxaa ay gabadhani kaa dalbato u keen”. Daiabkii inta ka qaadey ayuu u dooney waxaa ay dalbatay. “Raxmo, bal ii warran” ayuu Shaafici ku yiri.

Raxmo, inta aysan u warramin ayey weydiisay ninkii uu shuhuudda u ahaa in uu joogo iyo kale. Waxaa uu u sheegay in uu ninkii magaaiada Xamar joogo. Raxmo ayaa markaas bilowday in ay ninkaan ku cabato, si wanaagsanna oga sheekeysey – sal iyo baar – dhibka haysta iyo sida uu ninkaas u galey! Ninkaan weji ahaan ayey u taqaan laakiin magaciisa ma garaneyso, habeenkii la meherinayeyna waxaa dhaafiyey magaciisa xishoodkii iyo yax-yaxii ay ka qabtay guurka. Mar labaad ayuu magaciisii “Shaaficf ugu soo celiyey, waxa uuna u ballan-qaadey, in uu arrintaas wax kala qabanayo, isaga oo u qalbi dajiyey, waxa uuna ku ballamiyey toddobaad kaddib, isla hoteelkaan. Waxaa ay ka codsatay, in ay soo kaxeyso aabbeheed, isna waa ka yeeley. Raxmo neef ayaa ka soo boodday, waxaa ayna ku faraxday, in ay hadda dhabbe u heshay guurkeedii iyo ilmaheedii oo wel-wel weyn ku hayey.

Markii ay gurigii ku laabatay, waxaa ay qoyskii u sheegtay in ay soo heshay caddeyn ka mid ah in uu guurkii sax ahaa oo uu jirey. Waxaa ay u sheegtay in ay heshay nin ka mid ah raggii shuhuudda ahaa, isaga oo ballan iyo wacad ku marey in uu ninkaas toddobaadka soo socda ka keeni doono dhaqid ama dhigid midkood. Waxaa ay sidaa oo kale waalidkeed u sheegtay in ay setimaanka dambe ku ballansan yihiin hoteelka Weheliye, aabbeheed Qaasim-na ku wehelin doono kulankaas. Waalidkii laftoodii neef ayaa ka soo fuqdey, maadaama ay aaminsanaayeen in ay ceeb dhex dabaalanayeen, ummaddii taqaaneyna ay wejiga siin la’yihiin arrinta Raxmo darteed.

Shaafici waa nin madax sare oo ciidan ah, oo ay saaxiib dhaw yihiin Dhimbil, waxa uuna ku yaqaaanaa in uu yahay laayaan dumarka u daran, oo ay u dheer tahay balwad xun oo arrimahaan oo dhan sabab u ah! Raxmo keliya ma ahan inta uu naag la meheriyey, ee ciiddaas ayey ka badan yihiin inta uu u keeney gabar jalaqsan oo qoor dheer oo uu jacayl waali ah ka soo dhaamiyey. Shaafici isagu dhaqankaas ma leh, oo waa gob iskala sarreeya xumeynta iyo dumar-kala-qarinta, saaxiibkiisna wax badan ayey arrimahaas isaga hor yimaadeen, wax badan ayuu ka wacdiyey oo ka waaniyey dhaqankaas xun, laakiin saaxiibkiis dhag jalaq uma siin. Shaafici waxaa uu horay u go’aansadey in uusan mar dambe howlaha saaxiibkiis fara-gashan, gabar ka dambeysa Raxmana uusan la meherin, isaga oo markii ugu dambeysey ka codsadey, in uu Raxmo hagaajiyo, taasoo Dhimbilna uu ballan ka qaadey in uu gabadhaas wanaajin doono.

Markii ay ka tagtay Raxmo, ayuu Shaafici aad u fekeray, dhabannadana qabsadey. Waxaa ku soo dhacay habecnkii guurka qudba-sirada ahaa ee uu ku caawinayey Dhimbil. Waxaa u muuqda sidii ay habeenkaas Raxmo u ekeyd iyo sida i ay maanta u taallo. Waxaa uu bilaabay in uu isla sheekeysto, oo xasuusyo galo isla markaasna madax-ruxid iyo faruuryo- qaniinsi isku daray.

Muddo xoogaa ah oo uu isla-sheekeysanayey kaddib, ayaa waxaa u yimid Caddaawe, oo ahaa ganacsade ay is- yaqaaneen oo hoteelka gees ka fadhiyey, oo arkayey Shaafici j oo madaxa war-wareejinayey. Waxaa uu ugu yimid in uu:! ogaado dhibaatada Shaafici haysata, oo uu maanta la wel-J welsan yahay. Inta la fariistay ayuu weydiiyey arrinta Shaafici] ku soo korartay. Shaafici oo garan waayey goorta ninkaas: soo ag fariistay, ayaa si wanaagsan uga warramey arrinta uu] la murugsan yahay ee Raxmo, Waxaa kale ee uu uga| warramey shakhsivadda Samatar – oo ay Raxmo u taqaanf Dhimbil – iyo xumaanta uu gabdhaha Soomaaliyeed kulaf dhaqmo. Caddaawe oo aan aqoon Dhimbil, laakiin arrintaasj ka xumaadey ayaa u ballan qaadey in uu arrintaas Shaafici kal caawin doono. Isla markiiba waxa ay ku ballameen in ay| berriba raadiyaan Dhimbil.

Subixii markii la gaarey ayey aadeen halka ay malaynayeen in uu joogo. Nasiib wanaag, isla subixiiba waxa ay ka heleen hoteelkii Taleex. Is-bariidin kaddib, waxaa ay ka| wareysteen Dhimbil, oo wax ka weydiiyeen isaga iyo Raxmo meesha ay howlahoodii ku dambeeyeen, Dhimbil waa uuba illowsanaa Raxmo, oo marqaankii, balwadihiisii kala duwanaa iyo qalanjooyinkii kale ayaaba maskaxdiisii Raxmo ka tirey. Markaas inta xasuustay, ayuu sida arrintu ahayd mooyee si kale raggii ugu warramey, waxa uuna u sheegay in isaga iyo Raxmo Alle barwaaqeeyey, guurkoodiina uu ahaa mid lagu baraarey, haddana uu xaalku fiican yahay, Marka uu hadaika dhammeeyey ayaa waxaa dhar-baaxo kaga soo qaadey Shaafici, waxaa ayna sheekadii isku beddeshay dagaal gaean-ka-hadal ah. Waxaa ku soo baxay dagaalkii niman ka ag dhawaa, waxaana go’aan lagu gaarey in la wada hadlo.

Shaafici iyo Caddaawe, waxaa ay soo bandhigeen dhibaatada uu ninkaan u geystay gabar qiiraa badan oo Soomaaliyeed, waxaa intaas dheereyd in uu Shaafici arrinta gabadhaas uu la ogaa, lana meheriyey Dhimbil, ballanna uu ka qaadey in uu wanaajin doono, laakiin uu gabadhii iyo magaciisiiba halleeyey. Saacado la gar-naqsanayey kaddib, waxaa la isku af-gartay in Dhimbil uu raaco nimankaan, lana kulansiiyo isaga iyo Raxmo iyo qoyskeeda, si arrintan xal looga gaaro.

Raxmo, ballanta waa ay sugi la’dahey, toddobaadkii ayaana la dheeraaday, haddana wel-wel kama marna oo waxaa aysan ku aammin-qabin Shaaficiga laftiisa. Mar ayey is leedahay “Maxaad aabbe ballanta ugu sheegtay, maadaama aadan hubin ballanta Shaafici”, marna waxaa ay isku qancisaa “Armaa Alle nin wanaagsan kaaga dhigaa”. Waxaa ay u tagtaa culimo iyo dad ay wanaag ku taqaaney si ay ugu soo duceeyaan in Alle arrinteeda uusan fashil ku dhammeyn. Waxaa ayna bixisaa sadaqo badan si Alle ugu naxariisto oo ay u hesho taas beddelkeeda baadida ka maqan.

Sidii ay Shaafici iyo Raxmo ku ballameen, waxaa la gaarey xilligii ballanta, waxaa ayna Shaafici iyo Caddaawe soo kaxeeyeen Dhimbil, iyaga oo dhegta haya. Dhanka kale, Raxmo oo aabbaheed Qaasim soo kaxeeysey ayaa iyaguna soo aadey hoteel-kii lagu ballamey. Laakiin Raxmo kalsooni badan ma qabto oo waxaa ay ka baqeysaa in uu Shaaficina sidii Dhimbil oo kale axdi-laawe yahay oo ballantiisu fashil ku dhammaato. Waxaa ay ka fekereysaa sida uu xaalku noqon doono haddii sida ay filayso ma ahane si kale wax u dhacaan.

Nasiib wanaag, markii ay Raxmo hoteel-kii timid ayey isha ku dhufatay Dhimbil, waa ay u qaadan weyday, mar labaad bay isha ku celisey, mise waa isagii laftiisii, waxaa ayba illowday Shaafici iyo ballantii ka dhexeysay, isla markiina waxaa ay u dhaqaaqdey dhanka Dhibmil iyada oo kor ugu qeylineysa “Waa kaas aabbe beenlowgii khaa’inka ahaa!” iyo erayo badan oo haaraan ah. Isla markii-ba waxaa soo booday Shaafici oo yiri “Raxmo, is-deji fadlan oo soo dhawaada”. Raxmo oo xoogaa yara hakatay ayaa jalleecdey mise waa Shaafici oo garabka Dhimbil fadhiya iyo nin kale oo aysan aqoon. Laba kursi ayaa inta loo banneeyey iyada iyo aabbeheed si xushmo leh loogu fariisiyey.

Is-barasho iyo cabbitaanno la ka-kabadey kaddib, waxaa la iska wareystay arrintii meesha loo yimid. Dhimbil ayaa markii uu hadalkii soo gaarey qirtay dambiga uu galey, waxa uuna bilaabay qoor-dhiibasho, isaga oo dalbadey cafis, xaalna ballan-qaadey in uu bixinayo. Laakiin taasi ma cajabin Raxmo, waxaa ayna dhaar ku martay in aysan ninkaan mar dambe naag u noqonayn, haddii maanta Alle tusiyeyna, in ay kala baxaan mooyee aysan ka tagayn. Si ay taas uga dhabeysana waxaa ay bilowday qaylo iyo sawaxan, taas oo keentay in ay isugu soo baxaan dadkii hoteel-ka ka qaxweynayey oo dhan.

Aabbaha dhaley Raxmo – oo isagu qudhiisu aad u xanaaqsanaa, laakin mar dambe dagey – ayaa gees ula baxay Raxmo, waxa uuna isku dayey in uu ku qanciyo in ay arrinta dejiso, ninkaanna maanta arrintiisa la wada arkay. Waxaa uu ula hadley kor-iyo-hoos, laakiin Raxmo waxaa ay ku dhaaratay in aysan maanta meesha ka dhaqaaqin in uu furo Dhimbil mooyee. Si kasta inta la yeeley ayaa laga dhaqaajin waayey go’aankeeda ah in la furo.

Dhanka kale, Shaafici oo ninkaan yaqaaney ayaa arrinta furriinka gees ka qaba, sababta oo ah, waxaa uu og yahay, haddii gabadhaan ninka lagu qasbo in aysan natiijo fiican ninkaan ka imaanayn, oo uu isaga dhaqaajin doono, howlihiisii iyo falaadkiisiina sii wadi doono, gabadhaanna mar kale iuggooyo u horseedl doono.

IJgu dambeyntii, Shaafici ayaa oday Oaasim – oo laftirkiisu xanaaq-degay – lafaqey oo u sheegay in uusan ninkaani fiicnayn, oo ay gabadhu saxsan tahay in laga furana ay tahay. Odaygii ayaa arrintii aqbaley, waxaana laga codsadey Dhimbil in uu gabadha furo, isaga oo kama dambaystiina oggolaadey, waxaana isla goobta looga qaadey Meherkii gabadha oo ahaa lacag badan, maadaama ay markhaati-yaashii oo uu ka mid ahaa Shaafici uu ku caddeeyey, hase yeeshee Dhimbil oo aysan lacagtu dhib ku haynin, ayaa isla markiiba bixiyey Meherkii, isaga oo ballan – uusan fulin – ku qaadey masruufka wiilkiisa.

Raxmo, oo aad u faraxsaneyd ayaa goobtii ka tagtay, oo aabbeheed tustay in uu guurkeedii sax ahaa, iskana fujisey culayskii iyo madax-xanuunkii ay ninkaas ka qaadday. Waxaa kale oo ay ka heshay isla goobtaas lacag badan, oo ay u baahneyd, oo aysan waayadan ku riyooneyn heliddeeda, taas oo illowsiisey in ay u mahad-celiso Shaafici oo farxaddeeda sal-dhig u ahaa.

Markii ay gurigii tagtay oo arrintii laga war-helay, waxaa ka dagey culayska qoyska, qaraabada iyo asxaabteeda, iyada oo la wada ogaaday in guurka Raxmo uu sax ahaa. Raxmo, maalintaas kuma soo dhicin, in ay wiilkeeda aabbihiis si fiican u barato, dhibka haystay awgiis, dib dambana uma arag.

Geesta kale, Dhimbil waxaa ku dhacay ceebtii ugu xumeyd ee abid soo marta, waxa uuna meeshii ka tagay isaga oo dhabannada haysta oo ay weiiba u dheer tahey inkaarta ka daba dhacaysey ee ay dadkii hoteelka joogey oo dhan ku wada ridayeen oo uu qaar ka maqlayey. Ka sii darane, waxaa hoteelka fadhiyey xeyn xididkiisa ah oo qaraabo dhaw la ah marwadiisii Xaawo, oo Dhimbil oo kulieetiga laga laalaado arkayey. Isaga oo dabada day ay ku dhacday ayuu hoteelka uu ka degganaa magaalada ku laabtay.

Waxaa uu habeenkii oo dhan ka fekerayey dhibaatada soo gaartay iyo fadeexadda mahadhada ah ee uu la kulmey. Waxaa uu la wel-welsan yahay ceebta ay shaahidka u ahaayeen xididkiis iyo war-bixinta ay ka bixin doonaan. Mar Raxrao ayuu habaarayaaba oo waxaa uu leeyahay “Inkaar qabtadaas maxaa kuu geeyey”, marna waxaa uu ka qoomameeyaa saaxiibtimmadii Shaafici ee cawarantaan dhex fariisiyey, isaga oo si kale wax u xallin karey. Waa uu qaadan la’ yahay waxa qabsadey, sababta oo ah, isma lahan darajadiisa iyo sida ay wax u dhaceen!

Dhawr maalmood kama soo bixin hoteel-kii, waxa uuna iska qarinayey saaxiibadisii oo dhan, isaga oo fasixii uu haystay oo ka dhammaadeyna ku darsadey dhawr beri oo uu go’aansadey, in uu maskaxda dejiyo, oo hoteelka uu deggan yahay uusan geesna u dhaafin.

CADDAAWE IYO XAMDI

Caddaawe waxa aad u dhibtay arrintii uur-ku-taallada lahayd ee haysatay Raxmo iyo dhibtaada uu u geystay Dhimbil. Waxaa ay ku noqotay mucjiso uusan horay u soo arag, markii uu ogaaday qisada dhex martay labadaan qof. Waxaa uu la yaabban yahay dhaqan-xumada iyo dumar-dayaca uu ku kacey Dhimbil, taas oo ka dhan ah Hiddaha, Dhaqanka Soomaaliyeed iyo midka Islaamka-ba. Mar waxaa uu ia yaabban yahay waxa gabadha fudeydkaas geliyey, marna waxaa uu la fajacsan yahay, waxa ninkaas mas’uulka ah ee sare duur-galka ka dhigay! Ceebta iyo sharaf-darrada halkaas ka dhacday, ayeysan weligiis qalbigiisa soo gelin. Sheekooyinka qodba-sirada kuma cusba, laakiin waxaa uu u arkaa in middaani “ka-dareey” tahay, oo uu ninkaas sameeyey tacaddi weyn oo uu ku tuntay xuquuqda gabar sharaf leh oo Soomaaliyeed oo uu gaarsiiyey in ay laamiyada iyo hoteellada wareegto.

Sheekadaas oo qalbigiisa daanno gaarsiisey darteed, waxaa uu go’aansadey in uu noqdo sama-fale u kuur-gala arrimaha nooeaan oo kale ah, iskuna daya in uu wax la qabto, haddii uu la kulmo dhibbane ay arrintaan oo kale haysato.

Caddaawe waxa uu deggan yahay xaafadda Geed-jacayl, waxa uuna xaafaddiisa ka bilaabay – si mutadawacnima ah – in uu u dhabba-galo akhbaaraadka hoose ee xaafadaha ee dhaqan ahaan raggu ka caaggan yihiin in uu baar-baaro, dabadeedna haddii uusan xaafaddiisa waxba ka helin uu u gudbo xaafadaha kale. Isaga oo xuuraansi ku jira ayuu muddo afar bilood ah kaddib ka war-helay gabar isla xaafadda ah oo gabar ummushay, oo la la’yahay ninkii ilmaha ka dhalay, oo ay sheegtay in uu meher xadey, ayna ka noogtay sidii ay u raadinaysay. Waxaa uu soo helay gabadha magaceeda, halka ay deggan tahay iyo cidda ay hadda dul- saarta ku tahay, bacdamaa waaridkeed ay kal hore iska ceyriyeen.

Gurigii ayuu ugu tagay Xamdi oo haysata gabar yar oo qurxoon, oo ay Samsam ugu yeeraysay, oo inta markaas naaska u dhigatay ku kool-koolinaysa hees-carruureed jacbur ah, oo aan horay u jirin, maadaama aysan aqoon heesaha ay hooyooyinku carruurta ku ciyaarsiistaan. Inta ag fariistay ayuu ag dhigay hadiyado kala duwan oo uu suuqa uga soo iibiyey. Waxaa uu bilaabay in uu la sheekeysto oo uu si naxariis leh hadalka meelo kala duwan uga soo geliyo, si aysan yax-yax iyo xishood u dareemin, isla mar ahaantaana u helo war-bixin sax ah.

Waxaa ay Xamdi uga sheekeysey qisada qabsatay, goorta ay qabsatay, sida ay u qabsatay iyo wax ka dhashey. Wax kasta waxaa uga daran waaridkeeda deyriyey iyo kor-saarka iyo silica ay ku nooshahay. Waxaa ay u qiranaysaa in ay khaldantay, laakiin waayo-aragnimo weyn ay ka heshay. Waxaa uu weydiiyey magaca ninka guursadey iyo macluumadkiisa kale ee ay ka heyso. Waxa ay ugu sheegtay in la yiraahdo Axmed Samatar, waxaa ayse u sheegi weyday halka uu deggan yahay, halka uu ka shaqeeyo iyo cidda uu yahay, waxaa ayna hadal ugu soo koobtay “Haddii aan intaas garanayaba, waaridkey ima soo ceyriyeen!”. Laakiin waxaa ay si fiican ugu sharraxdey sida uu eg yahay, gaariga uu wadan jirey noocuu ahaa iyo qaabka uu u labbisto.

Intii ay sheekada u waddey Caddaawe, waxaa hadba ku soo joogsaneysey ilmo ay mar walba iska tireysey, waxaa ayna aad ilmadu uga tifqeysey markii ay ka sheekeysey waxa iyada iyo waaridkeed dhex marey iyo sida ay aayaheedii u seegtay oo ay qeyrkeed uga hartay. Isaga qudhiisu, calool-xumadaas ay inantu tabineyso darteed, geestiisa ayaa illintu uga da’aysaa.

Intii uu war-bixinta ka dhageysanayey, Caddaawe waxaa shaki geliyey laba arrimood: Magaca Axmed Samatar, oo uu kan dambe ka maqlayey Shaafici oo ugu yeerayey Dhimbil, isaga oo horay u ogaaday maalintii Raxmo laga furayey, in aysan magacisii saxda ahaa haynin, ee ay u garanaysey magaciisa oo kala beddelan, tanna sidaas oo kale uu ku sameeyey iyo midda labaad oo ah, in tilmaanta ay bixinayso uu eg yahay Dhimbil laftiisii. Markii ay gabadhii hadalkii dhammaysatay, ayuu waxaa uu ku yiri “Ninkaas nin aan garanayo ayuu u eg yehee, bal berri galab aan ninkaas ku soo tuso, in uu yahay iyo in kale”, isaga oo u sheegay Xamdi, in laga yaabo in uu ninkaas noqdo, nin maalin dhaweyd gabar uu arrin sidaan oo kale ah uu ku sameeyey, laakiin markii dambe inta la helay si khasab ah looga furey. Waa ay aqbashay, waxaana la guddoonsadey in berri galab ninkaas la soo qisho.

Sidii ay ballantu ahayd, markii la gaarey xilligii ayaa Caddaawe iyo Xamdi isu soo raaceen hoteel-kii Taleex, oo uu ku ogaa in uu deggan yahay. Nasiib-wanaag, muddo afar bilood iyo dheeraad ah oo uu ka maqnaa Xamar, ayuu Dhimbil shalayto gadaal ugu soo laabtay, waxa uuna ku soo dagey isla hoteelkiisii.

Markii ay soo galeen-ba, soo tan Xamdi isha ku dhufatay Axmed Samatar, oo ah ninkii ay dayaxa ku raadinaysey. Isla markii-ba waxaa ay la soo booddey “Abboowe Caddaawe, waa kan tuuggii aan raadinayey muddada dheer”, iyo “li qabo yuusan iga baxsane, saqajaanka rabbi iyo islaamba ka furtay” iyo erayo kale, waxaa ayna tuuratay gambadii iyo garba- saartii iyada oo u diyaar garowdey in ay kulleetiga iska laalaadiso. Ma iyadaa ka cabsanaysa ceeb iyo armaa naasahaaga oo haantaa-wilfaya la arkaa, horay ayey ceeb dusha uga soo muruxdee!

Markaas ay hawada uga imaanayso, waxa uu la fadhiyaa niman akhyaar sare ah, oo uu la casaryeynayey, waxa ayna markaas hadal hayeen sheekadii Raxmo oo ay magaalada ka maqleen ka war-bixinteeda.

Meeshii ayaa la isugu soo baxay, ninkii Dhimbil ahaa ee Xamdi u taqaanay Axmed-na w’axaa ku yeerey wiish, meel laga jirana waa garan la’ yahay. Waxaa isla markii-ba loo wacey qoyska Xamdi, halkaas oo ay ku qabsatay Dhimbil gar ka arxan daran middii Raxmo. Caddaawe isagu waa is qariyey, isla markiina meeshii waa ka tagay, waana isaga ninka ciddii Xamdi u soo yeerey, waxa uuna ka baqayey in uu ogaado Dhimbil in uu gabadhaan uu isagu ku soo hoggaamiyey, sababta oo ah, waa nin sare oo madax ah, oo isaga ayaa lafihiisa uga baqaya haddii uu arrintaan ku ogaado, laakiin Dhimbil isagu waa arkayey in uu ahaa ninkii wadey gabadha.

Dagaal cuius oo u badnaa raid kaga imaanayey dhanka Xaradi ayaa meeshii ku qabsadey. Waxaa uu markii hore damcey iyada oo aan la ogaan in uu si hoose u maareeyo oo uu hoteelka ka kaxeeyo, laakiin waa u suuroobi weyday, intii ay ku dhagganayd ayaana la isugu soo baxay, waxaana ku soo gaarey waaridkeeed. Maxaa saraakiil iyo Jananno ka sarreeya ag taagan, oo arrinta ninka qabsatay la yaabban! Maxaa dad uu magac iyo maamuus agtooda ku lahaa ku xeyn-daaban oo gabadha dharka dhigatay ee ku maran ka baryaya in ay sii deyso! Wax kale miyaa yaal, soo in gar la noqo ma ahan? Waxaa qabsatay gar ka kulul middii ka qabsatay Raxrao dhawr bil ka hor! Xamdi, Allow mar yaa indha kuu saara ayey ka ahayde, waxaa lag a waayey waxaan ka ahayn dalaaqadahaygii ha la i maqashiiyo!

Qoyska Xaradi oo khaatir billaahi taagnaa, Caddaawe oo warbixin deg-deg ah ka siiyey ninkaan markii uu u yeerayey iyo Xamdi oo miciyo lasinaysa oo hawadaas mareysa, waxaa ay akhyaartii gartaas ku jirtay dhaafsiin waayeen in uu Dhimbil gabadhaas furo, xaal iyo xumeynna uu bixiyo. Waa nin awalba xoonkaan dhib ku hayee, waa guddoomey gartii, halkii ayuuna ku dalaaqey Xamdi, waxaana isla bartii looga qaadey Meherkeedii iyo gabadha ay u dhashay caaneheedii ilaa sannad, maadaama in uu bil bil u siiyo aysan ku aammin qabin, oo waxaa ay ka baqayaan in dib dambe loo waayo. Isaga wax kale ha dhibaane, lacag ma dhibto, oo farqaha ayuu ku sitaa, inkasta oo lacagaha xaalka ah, meherka iyo masruufkuba ay la yaryihiin marka mustawihiisa loo eego.

Dhimbil, Xamdi waxaa ugu dambeysey maalintii ay Jubba ku ballan sanaayeen oo isaga oo ku dhex jira hoteelka uu kor ka arkay, Xamdi oo uu la ballansanaa iyo Raxmo oo raadineysa oo wada taagan irrida hoteelka laga soo galo. Maalintaas sidii uu u qawaafey ilaa iyo maanta Xamdi ma soo ag~marin, waxa uuna u qaatay in labadaas gabdhood is-yaqaaneen oo ay halisi ku soo socoto, markaas ayuu aagga-goodii oo dhan ka baddeshey ilaa amar dambe. Isagu sidaan in ay wax u dhacaan uma qorsheysneyn, laakiin muddooyinkaan dambe wax badan oo uu aad uga feejignaan jirey ayuu sakhirtay, taas oo keentay in cawradiisii bannaanka timaaddo.

Dhimbil, mar labaad waxaa ka dhacday maradii, ceeb iyo fadeexo tii ugu darnayd ayuu dhex maquurtay, taas oo murugo kale ku abuurtay. Wax walba waxaa uga darnaa akhyaartii halkaas isugu soo baxday iyo isaga oo sheekadii Raxmo inta la soo ogaaday wax laga weydiinayo ay tanna ku timid. Weligiis arrimahaan, bilahaan ku soo laalaabanayey kuma dhicin. Inta kacey ayuu qolkiisii sii aadey, intii uu dhex sii socday ayuu isa su’aalayey “Yaa ku soo inkaarey? Maxay yihiin umadahan jinni ee aad shanta la gashey? Yaa ku daba-taagan oo afaarahaaga faraha la soo galay? War illeen Mucjisadaan oo kale ma adaa arkay!”

Markii uu qolkiisii galay ayuu sariirtiisii isku dangiijiyey, isaga oo qaba dharkii uu bannaanka la fadhiyey, waxa uuna ka shallaayayey howlaha qabsadey iyo sidii ay u qabsadeen. Mar waa is canaantaa, oo waxaa uu is-leeyahay “Maxaad kaartadaas waa horay u dhigi weyday, sidaas haddii aad samayn lahayd sidaani ma dhacdeen, shax khaldantay dhibkaan ayey leedahay!” Mar ayuuba ka shakiyaa dad uu yaqaano, oo uu is-leeyahay, armey ku daba-galeen oo arrimahaan ka dambeeyaan. Waxaa uu fekera-ba, aakhirkii waxaa uu ku soo gaba-gabeeyey, in uu isagu eeddaan oo dhan leeyahay.

Sidii uu sariirtii u dul joogey ayuu arkaa habeenkii oo gelin dhexaad maraya, oo uu hurdo gama’ siin la’ yahay, waxa uuna galaa hadba badweyn tiiraanyo iyo isla-hadal ah, oo uu jiif iyo joogba ka ladi waayey. Weligii shariif ceeb-ka-saliim ah ayaa bulsho kasta oo uu ku dhex noolaa looga yaqiiney, laakiin hadda waa beenaale, godadle ah, oo sheekooyinkiisa lagu hayo magaalada oo dhan.

Waxaa uu hadba sariirtii dhan isku geddiyaba, oo hadba talo gorfeeyaba, waxaa u soo baxday, in hawsha noocaan ah ay keligi gaar ku tahay. Abidkiis ma arag akhyaar heerkiisa oo kale ah oo kulleetiga la haysto, ma arag weligiis sida uu dumarka u baacsado qof sharaf leh oo u googooba. “Oo maxaa adiga arrimahaan kugu gaar yeeley?” ayuu isku soo cel-celiyaa. “Oo maad Xaawadaadiyo wlxii kale ee hadda haysatid ku mitidid, oo wanaagsatid, kolley haddii dumar kala-beddel khayr leedahay soo aragtaye?” Su’aalahaas iyo kuwo kale oo ka badan ayuu is-weydiiyaa. Aakhrikii, waxaa uu go’aansaday in uu joojiyo xaaladahaan uu hadda kharaarkeedii soo taabtay.

Waxaan waa dhaqan uu bartaye, si sahal ahna uma joojin karee, waxaa uu go’aansadey in uu u maro waddada ugu fudud ee uu si dhaqsa ah ugu joojin karo, waxa uuna ku fekerey in uu cibaada Alle bilaabo, arrintaanna Alle darti uga toobad keeno, kana duceysto, oo uu u yeerto subixii wadaaddo Quraan saara, godadlenimada Faataxo uga mara. Waxaa uu taladaan gaarey xilli saq-dhexe ah. Markii salaadda subax la gaarey, ayuu salaadii subax oo uusan tukan in dhawaale tukadey. Kolkii uu salaadii ka baxayna, waxaa uu bilaabay Alle tuug, waxaana ka mid ahaa erayadiisii Alle tuugga ahaa, kuwaan:

Caaddilow Ilaahow

Casiisow Raxmaanow

Waxaan ahay nin culusoo

Caan ahoo masuul ahe

Cimilada adduunkaa

Hadba ceyn timaadee

Waxaan gabar ciyaarshoo

Cidla aan ku mehershaba

Camalkaan samayn jirey

Ceebtaanu dhaliyee

Waxaa timid cawarantaan

Cafis baan waxaan faley

Eebbow kaa codsanayaa

Anna waxaan cuskanayaa

Towbad iyo cibaadee

Igu caawi Eebbow.

Markii uu waagii baryey, ayuu go’aankii xaley ku dhaqaaqey. Waxaa uu aadey masaajidka C/rashiid Cali Sharmaake, oo uu uga yeertay culimo badan, isaga oo ka codsadey in ay marro Quraan ah saaraan. Waxaa ay ku akhriyeen 30ka Jus ee Quraanka Kariimka ah, iyaga oo tahaliilna u tufey, waxaa ayna Alle uga baryeen waxaa uu ka codsadey, Habeenkii xigey, waxaa ka soo dhacday hurdo uusan waayadan arag, waxaana ka tagay shuushkii iyo Sheydaankii maalmahan ku hirgisayey. Dhawr habeen oo is-xig-xigtay ayuu ka bixi waayey hurdo uusan sannadahaan arag, waxa uuna ka nastay walaahowgii badnaa ee waalayey.

Inkasta oo uusan dhanka balwadda ka Quraan maran, laakiin ducadii iyo tuftii wadaaddada ee dhanka dumarka Alle waa u aqbalay, waxa uuna galay liibaan iyo raaxo nololeed. Waxaa u baryey waa cusub, waxaa uuna soo xasuustay wax-yaalo uu waa hore illoobey. W’axaa ugu wanaagsanaa waxa ku soo maaxanayey gabar la yiraahdo Shaqlan Cumar, oo ugu qarsooneyd Xaafadda Buula-Xuubey, oo uusan waayadan la xiriirin uuna ku ogaa uur, laakiin inta uu ka maqnaa u dhashay gabar loo bixiyey Nasiib, oo uusan ka war-qabin.

Shaqlan waxa ay ahayd gabar yar oo wadaadad-xigeen ah, oo guri-joog ah, oo da’deedu qiyaas ahaan ahayd 18sano. Waxaa ay la nooleyd oo ay caawin jirtay qoyska walaalkeed Waayeel, oo ay isku aabbe ahaayeen, oo degganaa guri uu Waayeel ku lahaa xaafadda Buula-Xuubey. W?alaalaheeda kale ee ay isku aabbaha yihiin (Saddex wiil iyo gabar kale), waxaa ay ku nool yihiin Galkacayo. Waxaa se xilligaas Xamar ku noolaa, gabadha keliya ee ay isku hooyada ahaayeen oo la yiraahdo Xamiido Yuusuf Xarbi.

Xamiido waa gabar mutacallimad ah, oo markaas dhiganaysey kuna xaraysneyd Jaamacaddii Ummadda, isla markaasna ahayd gabar wadaad ah oo diinta aad u baratay. Walaalaheeda dhanka aabbaha waa muush ciiddaa la ’eg, waana afar bahood, oo bah kasta qabiil noqotay, waxaa ayna badankood ku nool yihiln Xamar, oo qaarkood ayba madax ka yihiin dawladda, waxa ayna Xamiido la nooleyd intii ay dugsigii hoose/dhexe iyo sare dhiganaysey aayadeed Isniino, oo ahayd min-weynta aabbeheed. Labadoodaba (waa Xamiido iyo Shaqlane) waxaa ku dhalmo-goysey Xaajiyo Ruqiyo, oo ahayd Shiikhad ka sheegganeyd magaalada Gaalkacyo, oo ay hadda isku qabaan wadaad kale oo ay isku weyso-dhawrtaan.

Dhimbil waxa ay isku barteen Shaqlan isbitaalka Banaadir, oo ay ku caawinaysey dad ay qaraabo ahaayeen oo carruur xanuunsani u jiiftay. Isaga oo isna dad meesha ku booqanayey ayey isku arkeen isbitaalka. Waxaa cajab-gelisey gabadhaan yarta ah ee kuusan ee midabkeedu mas-ciideedka u eg yahay ee dheel-dheelinaysa. Sidiisaba lama tuso gabar yar oo weji soo jiidasho leh, horaaddo gacan-buuxin kara oo taaggan iyo bari kuusan leh. Tani waa noociisii oo weliba siyaado wadata. Waxaa ayba la noqotay gabarey-maanyo uusan iyada oo kale waayadan arkin. Meeshii ayuu ku bartay, waana ballansadey! Maxaad ka taqaan gabar uu ninkaan belay, qudba-siradii iyo jidkii horay ka macaanaa gadaalna ka kharaaraa ayuu marsiiyey!

Laakiin iyadu waxa ay kaga duwaneyd gabdhaha kale, marar badan ayaa qoyska Waayeel ku ag arki jireen ninkaan, sababta oo ah, si gaara ayuu kulankeeda u daneyn jirey, waxa ayna sababtu ahayd, waxa ay ahayd sunna-gudo, maqal mooyee uusan muuqaal ku arag Shaqlan horteed. Waxaa uu ku jantaa, habeenka uu la joogo, taaha iyo reenka ka baxa iyo biqleynteeda oo uu muraalka ku dhisan jirey.

Markii ay uur yeelatay, ninkaanna la waayey, qoyskii ay la nooleyd ma dhibin shaqlan, waxa ayna ka wada war-sugayeen, bal in uu mar un ninkeedii uu yimaado. Laakiin taas ma aysan sugi jirin Shaqlane, iyada iyo walaasheed Xamiido ayaa ka baadi-goobi jirey meelihii ay ku aqoon jirtay, intii ay xaamilada ahayd iyo markii ay dhashayba! Walaasheed Xamiido baadi-goobkaas mooyee, aad ayey walaasheed Shaqlan u dejin jirtay, qalbiga ugu dhisi jirtay, uguna laab-qaboon jin jirtay in ninkaas Jaamac ah la heli doono.

Marar badan ayey Shaqlan waanin jirtay walaasheeda ka weyn ee Xamiido, waxa ayna ku dhihi jirtay “Walaaley Xamiidooy, ragga iska ilaali, walaaley iska ilaali wiilka aad la socotid ee la yiraahdo Aadan, yeysan kugu dhicin waxa igu dhacaye”. Markaasaa Xamiido ku dhihi jirtay “Abbaayooy Shaqlaneey, wiilkaan aan la socdo ee Aadan, waa wiil diin iyo maaddiba sidayda oo kale isugu yaqaan, oo aad u wanaagsan, bini-aadanimadana yaqaan, ee la mid ma ahan godadlehaan arxan-laawaha ah, ee sidaan adiga iyo annagaba inoo galay!”.

Xamiido aad ayey uga xumaan jirtay ninkaas jaamac ah, mar walbana waa habaari jirtay, waxa ayna dhihi jirtay “Ilaahay musiibo kugu rid, oo ilaahey ku ceebee” iyo “Allow ninkaas mar I tusi, madaxa ayaan kala jiri lahaa, waxaana ka goyn lahaa dhibaatada uu walaashey mariyey e!”.

Xamiido, saaxiibkeed Aadan waa ay u sheegi jirtay dhibka walaasheed haysta iyo waanadeeda ahayd in aan xitaa adiga Aadan ah iska kaa ilaaliyo, markaasaa Aadan ku dhihi jirey “Walaaley Xamiido, ilaahay kaas oo kale igama dhigo, waxaan ahay nin sharaf leh oo mutacallin ah, waxaas oo kale anigu ma ihiye, ha ila simin!”.

Aadan aad ayuu uga xumaa dhaqanka ninka xumeeyey dumaashidiis Shaqlan, xitaa mar-mar waa uu la raadin jirey Shaqlan iyo Xamiido ninkaas qeyru-mas’uulka ah, waxaa uuna ku taami jirey, haddii uu ninkaas arko, in uu gacan ula tago, oo uu ka keeno dhaqidda ama dhigidda Shaqlan.

Dhimbil, markii uu Rabbi waddada ku soo duway, oo uu soo xasuustay Shaqlan, ayuu go’aan ku gaaray in uu gabadhaas la xiriiro, wanaajiyo, reerkoodana si fiican uu ula xidido, uuna dhisto. Sidii ayuu sameeyey, Shaqlanna si heer sare ah ayuu u guri gaystay, waxaa ayna u qaadday uur kale, laakiin wax badan isma aysan sii calfan, oo uurkaas kale ayey ku umraul-raacday, ilmihii ay waddeyna kaga saqiiray. Waxaa gabadhii hore ee ay u dhashay, oo ay ka tagtay kafaalo- qaaday walaalkeed Waayeel, oo korriimaha gabadhaas isagu dusha saartay.

Laakiin markii Dhimbil uu Shaqlan dib ugu soo laabtay, oo uu dhisanayey ma aysan joogin Xamiido, oo tababar sannad ah oo ay Jaamacaddu ugu dirtay Talyaaniga ayey ku maqneynd. Waxa ayna soo laabatay walaasheed oo ninkii inta ku soo laabtay, oo iyadii iyo reerkeediiba inta wanaajiyey uu dhistay, oo uurkii ay horay ka qaadday ku ummul- raacday. Waxaa ayse aad uga wel-welsaneyd in aysan baran seeddigeedii googoyska badnaa ee ay ka nibcaan jirtay Shaydaankii isha caddaa, oo ay aaminsan tahay in ay ku adag tahay hadda in ay is helaan oo ay is-bartaan.

Dhimbil, ma uusan ahayn qof kasho badan u hayey barashada dadka Shaqlan, keliya waxa uu bartay qoyska Waayeel oo uu gabadha ka dhisanayey, walaalaheeda kale (kuwa ay isku aabbaha yihiin iyo kuwa ay isku hooyada ahaayeen) qofna Xamar kama joogin markaas, isna dan saasa kama gelin in uu mid mid magacyadooda u xafido, oo uu ka war-hayo, iyana kuma aysan qulaamin!

Arrinta kale ee la yaabka leh waxaa ay ahayd, Shaqlan lafteeda iyo qoyska reer Waayeelba, waxaa ay u yaqaaneen, oo uu markii hore isugu sheegay in la yiraahdo Jaamac Axmed. Isna, isaga oo aan weli war-gelin, oo uusan si fiican isku barin, isla markaasna aan u kala sheegin dadkiisa ayey xijaabatay!

DHIMBIL IYO GUURARKIISU SADDEXDII SANO EE UGU DAMBEYSEY

Mar uu Kitaab isku jiidey, waxaa uu sheegay in uu Masaajid dhagax dhigi karo, waxaan se la xisaabin karin, waxaa uu naag soo xareeyey iyo waxaa uu sii didiyaye, laakiin inta la og yahay, saddexdii sano ee ugu dambeysey – xiiligii ay howlahaani dhacayeen – waxaa ay kala tageen Lix dumar ah; Jawaahir, Hibo, Saynab, Raxmo, Xamdi iyo Shaqlan. Saddexda dambe, war nooguma dhimmanee, Saddexda hore, waxaa uu ku kala guursadey Burco, Baladweyne iyo Xamar. Saddexdan ma aysan soo marin rafaadka ay mareen Raxmo, Xamdi iyo Shaqlan. Si qurux badanna waa uu ku guursaday si aan dhib badneynna waa ku kala tageen.

JAWAAHIR waxaa ay Dhimbil isku barteen magaalada Hargeysa. Waxaa ay degganeyd Burco oo ay ka shaqeyn jirtay, waxaa ayna fasaxyada tegi jirtay Hargeysa, oo reerkoodu degganaa. Waxa ay ahayd gabar 28 jir ah, oo aan horay guur u soo marin. Haddii aad aragto qaab-dhismeedka jirkeeda iyo quruxda uu Alle ku abuurey, yaab dartiis inta gacanta madaxa saaratid ayaad afka maroojineysaa. Inta bislaatay oo bislaatay ayey hadda u baahan tahay in la gurto. Laakiin waxaa yaab leh, Jawaahir, Dhimbil hortiis nin lama sheekeysan, sababta oo ah, nin oo dhan waa ka gaabsan jirtay, sababo u gaar ah awgood, laakiin Dhimbil waxaa uu ku soo aadey xilli ay ku duceysanaysey “llaahow mid aadan ku hungoobin ku sii”.

Muddo ayey Dhimbil iyo Jawaahir wada sheekeysanayeen oo mama uu ugu tegi jirey Burco, marna ay ugu imaan jirtay Hargeysa, aad ayeyna inta isku fahmeen isku jeclaadeen. Laakiin waxaa jirta cillad yar oo ay ieedahay Jawaahir oo ay ka baqeyso in ay si toos ah ugu sheegto, laakiin dhawr jeer oo ay u sarbeebtay uu fahmi waayey.

Xilli dheer oo ay jacayl wada jilayeen kaddib, waxa ay ku heshiiyeen in ay isku mehersadaan si hoose, magaalada Burcana ay gees ka degaan, maadaama Jawaahir uusan qoyskeedu ku nooleyn Burco. Waxa ay sidaa oo kale isku waafaqeen in ay guurkoodaas muddo qariyaan inta ammo Dhimbil u gaar ah uu iska soo xallinayo.

Jawaahir waa diiddey in la gacma-gacmeeyo ilaa uu ka guri- geysto, oo uu u dhigo aqal Talyaaniga laga keeney, uuna u gado dahab qaali ah, waxaa ayna shardigaas ugu xirtay waxaa ay ka baqeysay in uu ninkaas si sahal ah uga tago. Nimcada hor-taalla ayuu arkayaaye, aqal aan caadi ahayn ayuu u gadey, isaga oo dejiyey guri weyn isla markaasna waxaa uu korkeeda ka wada luley dahab iyo luul.

Marka habeenkii aqal-galka la gaarey, ayuu isa soo diyaariyey. Casho macaan oo ay u karisey kaddib, waxaa la isla aadey qolkii jiifka iyo sariirtii marqaanka, Inta aysan ciyaartii iyo bood-boodkii bilaaban, ayaa gacantiisa midig waxaa ay bilowday in ay si naxariis leh oo deggan u dul mar- marto jirkeedii, oo sidii lagu dhalay ah. Isaga oo aysan jidbadii weli gaarin, ayey gacantiisii oo xarga-goosatay taabatay wax aysan filaynl Hawadaas inta ku dhagay ayuu nalkii shidey, mise qoftu waa nin iyo naag isku jira, oo cambarkii dumarka iyo cisalkii ragga oo saaxiib ahbaa kuwada rakiban! Inta istaagey ayuu dharkiisii haahaabtay. Inta uu dharkiisii raad-raadsanayey ayey la hadlayseyo lahayd “Alle abboowe ha iga tegin, waxaan waa caadi, cisilka meeshiisuu isaga yaallaa mooyee ma shaqeynayo, kan kalaa ii caadi ah, kaaley oo bal tijaabi ha iska cararine, ina adeeroy saan ha iiga tegine xitaa hal koolbo ii tuur, weligey nin ma arage… Walaaloow… walaaloow… Ina adeerow macaanow miyaadan naxariis lahayn?”

lyada oo sidii u caatabeysa, ayuu ka soo cararey oo gaari xamuul ah oo Hargeysa u socday ka soo fuuley. Intii u Hareysa ka soo gaarayey oo dhan waa fajacsanaa o yaabbanaa, oo bisinka ayuu gurayey! Waxaa uu kala gan la’yahay, in uu qofku qoris-maris ahaa iyo in sidaa wax k ahaayeen. Weligi sheeko mooyee shaahid kuma arag Labeeb, vvaxa uuna u qabi jirey sheeko-xariir oo run uma haysanba.

Subixii markii la gaarey, ayuu sidii uu u yaabbanaa is- weydiiyey in uu guurkaas ansax ahaa iyo in kale. “Culimo ma weydiisaa” ayuu is leeyahay. “War waxaas yaan lagaa maqal yaana lagugu sbeekeysane” ayuu iskula warramey. “Maxaa dhibkaas iyo waxaas ku geliyey, isaga qor warqad furriin ah, waa intaas oo ay Labeeb kale heshaaye” ayuu inta go’aan ku gaarey, isla markaasna u qorey xaashi cad oo erayo furriin ah ku qoran yihiin, waxa uuna ugu dhiibey gaarigii ugu horreeyey ee u socday Burco. Wax meher ah uma raacsiin, saa shaki waxaa uu ka qabey in guurkaas jirey iyo in kale e. Warqadda furriinka ayuuba Yaa Allaahu ugu direy. Halkaas ayaana ugu dambeysey Jawaahir.

HIBO, iyada waxaa Dhimbil ku daray nin reer Balad-weyne ah, oo ay ka wada tirsanaayeen ciidankii oo la dhihi jirey Xasan. Maalin maalmaha ka mid ah, iyaga oo wada jooga Hargeysa, oo fasax yar la helay, ayaa Xasan ku yiri “Dhimbilow Balad-weyne maad ii raacdid sannadkaan, aan halkaas kuugu soo hilbo-qalee”. Dhimbil wax-baa qalow ku soo yiri. Waxaa uu xasuustay heestii Baladweyn iyo qisadeedii. Waxaa ku soo dhacday niman ka sheekeyn jirey Balad-weyne oo gabdhaha ku nool qurux ku ammaani jirey. Waaba halkii oo uu maanta socod bilaash ah iyo marti-qaad looga yaboohey. War ma soo celine, waxaa uu ku yiri “Xasanoow, waan ku raacayaa, laakiin waa in aad marti- qaadka iigu dartaa gabar”. “Ma gabar!… taas aniga igu hallee” ayuu Xasan ugu laab-qaboojiyey. Halkaas ayaa la iska soo raacey, oo Balad-weyne lagu yimid,

Xasan waa og-yahay nooca uu xiiseeyo Dhimbil, waxa uuna u sheegay intii ay soo socdeene, waxaa uu u galey suuqa. Maalmo kaddib, waxaa uu u soo helay gabar ay hooyadeed 16 sano ugu sheegtay laakiin u eg qof intaas ka yar. Dhimbil ayuu gabadhii soo tusay, markaas buu inta quruxdeeda la ashqaraarey, oo uu indhaha u dhammayn waayey ayuu ku yiri. “Waryaa Xasanoovv, deee.. ma qalibigeygaad daalacatay… Wallaahi waa nooca aan cuno”.

Gabadhii waa dooneen oo reerkeedii ayey weydisteen. Inkasta oo waaridku ay arkayeen murqaha iyo xabadka ninka gabadha ka doonaya inta ay le eg yihiin, haddana waxaa ay u xisheen xoogaaga lacagta ah ee uu wato, cunugtiina inta ku dareen ayey misena ku toleen. Guri lagama gaaree, albeergadii uu degganaa ayaa loogu galbiyey.

Fiid-horaadkii markii la gaarey oo dadkii ay ka kala tageen, ayuu inta isku diyaariyey shaqo, xaaskiisii barakeysi ku bilaabay. Waa gabar yar, weligeed nin ma shukaansan, hawshaana diyaar uma ahayn oo, caqligaa laga soo beddeiaye, waxa ay la yaabtay ninkaan dharkii murduq iska siiyey. Inta indhaha isku laabatay, oo xishootay ayey is- duuduubeysaa. Waa nin aysan waxaasi dan iyo heello ka geline, waxaa uu isugu daray tuutuujin iyo baryo-xoogle kaddib markii uu arkay in ay bood-boodayso.

Waxaa uu fara-maroojiya-ba, soo tan inta uu dharkii ka xayaayubiyey is hoos keeney. Hal mar ayey aragtay iyada oo silloon iyo nin xabadka timo ku leh oo kor yuurara iyo culays gadaai ka saaran. “Alla Adeerow lowga culeyskiisa iga qaad” ayey ku tiri “Xabiibti low ma ahane, waa alaabtii ragga oo sbaqadiisii wata” ayuu ugu war-celiyey.

Halla yaabin Hibo e, ninkaan dhallinyaradii iyo dadkii yaqiinney, waxaa ay ugu yeeri jireen “Dameer” iyaga oo qarinaya alaabta uu wal-waalayo weynankeeda darteed. Waxaa kale oo aadan ula yaabin, ninku waa nin dhisan oo xoog badan iyo gabar balan-baalis ah. Waa wax aan isku jin ahayne, waa uu ku camcamiyaa. lyadu qeylo iyo cabaad ayaa ka baxa ay dadka albeergada wax ka deggan maqlayeen. Isaga ayaaba inta la yaaba, marna gacanta afka ka saara, mama maro ku gufeeya. lyana boohin iyo qeylo ka dhammaatay, isagana gujeyn ka daal! Habeenkaas halkaas ayaa lagu kala dhacay. Gabar habeenkii sidaas ah miyaa maalin loo dhawaan karaa. Maalintii, mama waa ka tagaa, mama sheekooyin iyo howlo arrimahan la xiriira ayuu u galaa.

Gabdhaha kale ee uu godadka la galo, isaga ayaa shukaansan jirey, jacaylna ku beeri jirey, inta ay wada socdaanna hadba meel wax ka tusi jirey, iyaga oo il-baxay, qajil-dhigay, qalo- gooyey, oo ku taamaya “Allow ninkaan yaa mar un kuu xalaaleeya” ayey is-guursan jireen. Laakiin tani waa kud oo macal soo qabo. Dhib iyo walbahaar ayaana kala haysta!

Ma isaga ayaa samraya, habeenkii kale ayuu hawshiisii halkii ka bilaabay. Hadda ayeyba ka dartay, waxaana qeyladeedii isugu soo baxay dadkii Albeergada degganaa oo dhan. Qolkii uu ku jirey ayaa lagu soo garaacey, iyaga oo u malaynayey in gabar si xun loo dilayo ay meesha ku jirto. Dadka qaar baa og, in nin iyo gabar meesha wada deggan yihiin, laakiin kuma soo dhicin in ay is-qabaan, oo gabar yar iyo aabbeheed ayey u malaynayeen. Albaabkii inta furey ayuu ku yiri “Dhib ma jiro e, waa aniga iyo xaaskeygiiye, ordoo danihiinna qabsada”. Inta naxeen ayey qololkoodii ku kala ordeen, isagana meeshiisii ayuu hawshiisii ka sii watay, iyadana halkii bay oohinteedii iyo qayladeedii sii baxaysey.

Habeenkaas oo uu saacado badan gabadha aad u kilkilayey, misena darbigii waa dhaafi waayey. Markii lakala kacey ayuu isna noog la dhacay iyaduna xanuun, silic iyo rafaad la garni’ weyday. Kuma soo dhicin malakul-mowdkaan ka carare, meesheedii ayey ilmirig-leyneysey.

Habeenkii saddexaad xaalku sidii waa iska beddelay. Waxaa uu ahaa nin foorjeysane, inta soo qabsadey oo saqar- juujiyey oo gebigeedii oo dhan inta isku kuusey, oo koombo ka dhigay ayuu kabaalkiisii si bilaa naxariis ah ugu daaduumiyey meeshii uu waayadan oo dhan sidii uu riixayey dabacdey. Bisinka, hal mar buu difaacii xoogga badnaa jiirey, markaas buu arkaa iyada oo indha-caddeynaysa. Maxaa waxaasi ka quseeya, laba habeen oo uusan go’ ka siin, oo uu gaaxsanaa ayuu doonayaa in uu iska qubee. Iyaduna waa dhiman rabtaa isna niiko ayuu isaga jiraa!

Markii uu dantiisii dhammeystay oo miyir sadey ayuu ka kacey, mise waxaa uu arkaa gabadhii oo naftii ka dhici rabto iyo dhiig inta furtay sariirtii dul yaacaya. Bismillaahi Raxmaani Raxiim iyo Quraan uusan si fiican u aqoon ayuu la dul-fariistay. Waxbaba isma beddelayaan, oo waa tuubbo dhiig ah oo furatay iyo miskiin hin-raageysa oo galan- gakeynaysa. Ma wax kale oo uu sameeyo ayuu yaqaan, waxaa uu saqdaas dhexe raadiyey saaxiibkiis Xasan si gabadha uu isbitaal ula geeyo. Isaga iyo Xasan oo yaabban ayaa gabadhii isbitaal ula cararey, halkaas ayaana gabadhii daawo looga bilaabay, waxaana u yimid subixii waalidkii gabadha oo ka naxay dhibka gabadhoodii gaarey.

Ninkaan meelaha qaar waa ku fiican yahee, waxaa uu bilaabay in uu si gobanimo leh gacan uga geysto daaweynta gabadha, la-tacaalkeeda iyo wanaajinta waaridkeed. Markii ay xoogaa isbitaalka ku jirtay, oo soo naaxdey ayaa inta isbitaalkii laga saarey gabadhii guriga hooyadeed la geeyey oo laba toddobaad lagu baxnaaninayey, wayna soo kabsaneysey maalinba maalinta ka dambeysey.

Laba Setimaan kaddib, ayaa habartii oo aragtay in ay gabadhii dhaq-dhaqaaq bilowday oo ay soo kabatay inta u timid la sheekeysatay. Waxa ay doonaysey in ay ninkii mar labaad u tag tiraahdo, iyada oo lahayd “ Hooyo, Masha Allah caafimaad ayaa kaa muuqda.. Hooyo arrintaan waa dhacdaa, waana soo wada mareen gabdhaha ugubka ah oo dhan, haddii aad bogsatay, hadda dhibku sidii waa ka yaraanayaaye, hooyo ninkaagii ku laabo, haddii weli xanuun iyo caabuq jirana markii aad bogsato horay u aad”.

Hibo, inta madaxa qabsatay ayey tiri “Alle hooyooy il daranidaa. Miyaadan i dhalin oo aadan iga naxeyn?”, waxaana ka soo daadatay ilmo. Hooyadii oo yaabtay ayaa tiri “Maxaa dhacay gabadheydaay?”

“Hooyooy ma dameerkii arxan laawaha ahaa baad igu celineysaa?” ayey ugu jawaabtay iyada oo boohin la hiq leh. Hooyadii oo iyadu jeclaan lahayd laakiin aan nasiib u yeelan dameerkaas ay gabadhu ka warramayso, ayaa tiri “Hooyo, waxa aad tahay gabar nasiib badan, dameerkaas aad sheegayso dumarku dayaxa ayey ku raadiyaan, lamana helo, ee haddii Alle ku siiyey qarso oo ilaahay ku mahadi, dhawrkaan beri marka uu xanuunka hore ku dhaafo adiga ayaa arkin adiga oo malafsanayee”.

Hooyadii iyo islaamo kale oo u yimid ayaa gabadhii matoor ka weyn saarey, waxaa ayna ka dhaadhiciyeen in ay ninkii ku laabato. Hooyadeed oo xoogaa oodkac ahna horay u soo qaadday ayaa gabadhii u keentay ninkii Dhimbil ahaa. Markii ay qolkii geysey ayey ninkii ku tiri “Hooyo, haddee.. Hibo waa taas, waana gabar yare, suumo-salaax”. Waa sarbeeb ay kaga dhaadhicineysey in uu gabadha u suudaaliyo oo uusan aad u waldamaanin.

Inkasta oo wixii hebeenkii ugu dambeysey uu ku cibro- qaatay, xoog-xooggii badnaa waa iska dhaafay. Markii fiidkii la gaarey ayuu bilaabay in uu dharkii uu qabey katabaanka surto, markaasey aragtay wixii isbitaalka geeyey oo laalaada. Inta soo xasuusatay wixii qabsadey, oo qeylisey ayey tiri “Adeerow waxaas iga daa, adeerow garka iyo gummadkaan ku haystaaye iska key dhaaf, adeerow ha I dilin waan ku baryayaaye”. Inta naxay, oo erayadii xabiibti iyo qalbi iska dhaafay ayuu ku yiri “Adeer kuuma soo socdee iska seexo”. Inta dharkii baddeshey ayuu sariirtii isku tuurey, iyada oo uu u sheegay in ay iska seexato oo uusan u socon. Ma aysan seexane, caawa oo dhan isaga ayey iska ilaalinaysay.

Xilli saq-dhexe ah ayaa Dhimbil wax ku soo maaxdeen, markaas ayuu damcey bal in uu xaaskiisa suumo-salaaxdo. Inta dhankeeda u soo galgashey ayuu gacanta saarey. Hawadaas inta ku dhegtay ayey sariirtii ka dhacday, oo is- buuratay, oo inta darbigii isku kaduuddey, tiri “Adeerow, Ilaahay ka cabso, miyaadan Muslim ahayn, adeerow waan ku baryayaaye iska kay daah”. Waa fiiriyey raise ilmaa ka diliq leh.

Dib ayuu booskiisii ugu laabtay, waxa uuna galay feker dheer, waxaa uu soo xasuustay habeennadii hore sidii ay wax ahaayeen, waxaa kale oo uu arkayey saska ka muuqda gabadhaas iyo ilmada ka qubaneysa. Waxaa wei-wel ku ridaya erayada naxariis-raadiska ah ee ay gabadhaas ku caatabeyso. Waxaa ku soo dhacday naxariis aan horay ugu soo dhicin, waxa uuna go’aansadey in uu gabadhaas miskiinta ah oo culaabtiisa qaadi la’ iska daayo oo uu iska furo.

Subixii markii la gaarey ayuu saaxiibkiis Xasan horay u soo kaxaystay, isaga oo horayna wax u ogaa si fiicanna uu Dhirabil uga warramey arrinta isaga iyo Hibo dhex taal iyo go’aanka uu ku soo gaarey in miskiintaas uu tankeedu yar yahay Ilaahey dartiis isaga daayo. Inta gabadhii soo kaxeeyeen ayey dadkii dhalay u geeyeen, waxa uuna Dhimbil u kor inarey xaaika, waxa uuna siiyey gabadhii warqaddeedii furriinka iyo meherkeedii oo caddaan ah iyo waaridkeed oo xoogaa gacan-geiis ahna uu siiyey. Kor waayeel waa wada indho e, waalidkii oo horay xaaika ula socday ayaa arrintii soo dhaweeyey, halkaas ayeyna ku kala tageen Dhirabil iyo Hibo.

SAYNAB, iyadana maalin maalmaha ka mid ah ayaa Dhimbil waxaa ay Dhimbil isku barteen Carwa-idko oo ay ka wada adeeganayeen, waxaana markaas ay is-baranayeen Saynab wehelisey, gabar kale oo iyadana ay is-barteen oo la yiraahdo Wardi. Saynab waxaa ay u muuqatay 22-jir, mana aysan ahayn gabar ugub ah, laakiin sideeda ayey ku ahayd jiroos isku-dhuuq ah. Waa noociisii; lafta, joogga, midabka iyo soo jiidashaba, oo qumqumka iyo carafta ka soo kakamaysa aan laga ag-fogaan karin. Intii Carwada lagu jirey oo ay adeeganayeen waa la kaftamayey, waa ayna isugu baxday.

Markii ay adeegteen ayuu wax Alle iyo wixii qarasha ahaa ee ay ku adeegteen isagu miiska saarey, taas oo ka yaabisey iabadii gabdhood-ba. Hoos ayey iska qanjaruufteen, markaasey – waa dad is af-yaqaanee – inta af-jinni iskula hadleen ku ballameen in ay xariifkaan badar-noolaha ah ku dhegsadaan. Markii ay Carwadli bannaanka uga soo baxeen ayaa isaga iyo Saynab doc u wada istaageen, xoogaa hadalana isku tuur-tuureen, waxaa ayna isla garteen in ay wada sheekeystaan, isaga oo ku ballansaday halkii uu degganaa, oo markaas ahaa Hutelkii Jubba. Inta uusan dhaqaaqin ayey Saynab tiri “Alla Aboowe magacaagii iima aadan sheegin”. Suuye “Gacaliso waan kuu sheegee, raa iska liqdey… Xabiibti waa Axmed”. “Haye Axmed Mahadsanid abboowe.. Macasalaama”, Inta tiri, ayaa la kala dhaqaaqey.

Saynab oo la dhacday furfurnaanta iyo baatulidda saaxiibkeeda cusub, ayaa bilowday in ay xiriirka saaxiibkeed joogtayso, waxaa ayna ugu tegi jirtay halkii uu degganaa, taas oo isna dhankiisa gelisey yiddi-diile cusub, waxaana dhexdooda ka beermey jacayl waalan, oo Dhimbil si gaar ah u jibaaxey. Haddii in muddo ah ay wada socdeen, waxaa ay ku heshiiyeen guur. Waaridkey iga doon iyo i aroos la iskuma soo qaadine, waxaa laga wada hadlay in Shiikh Kitaab-gaab ah iyo labo shahuud ah oo walanbeysata loo yeerto, isla hoteelkana la isku mehersado. Sidaas baana xaajadii lagu dhammeeyey.

Hoteelkii ayaa aroos gaaban oo aad u cajiib ah lagu galay, waxa uuna arooskaas Dhimbil uga dhignaa, isaga oo ku jira jannadii Firdowsa oo kale, waxaa uuna ka qaadey nasiino iyo raaxo uu ku illoobey shaqo dheer oo dhabar-jab ahayd, oo uu waayadan oo dhan ku jirey, sababta oo ah, Saynab, ayaa waxa ay ahayd bahal gaan-jibad ah oo aad u tababaran, oo taqaan sida ragga loogu raaxeeyo oo maqsuud looga dhigo. Ma aqaan balaayadu halkii ay farsamadaan ku soo barataye, ninkii Dhimbil ahaa wax yaalo uusan aqoon ayey tustay, markaasey – sidii ay hadba kor-iyo-hoos uga imaaneysey, oo ay meel walbana carrabka uga marinaysay – hawadii ka qabsatay!

Runtii aad ayuu uga helay gabadhaan; dabeecaddeeda, soo dhaweynteeda, jiif-wanaaggeeda iyo adeegeedaba. Dhan ka kale, Saynab-na waxaa ay caruusadnimadaan ka qaadday nimco iyo barwaaqo, oo bad-xiranta iyo kuusidii oo saameysey ayey kaga baxday. Wardi ayaa iyana geesta kale, arooskaan ku liibaantay, oo luf-luf fiican ka heshay.

Markii uu 25-cisho la~baayakhlaynayey, ayaa dantii uu Xamar u yimid u dhammaatay. Waxaa uu xaaskiisa u sheegay, in uu Hargeysa ku laabanayo maalmaha soo socda, waxaa ayna si fiican kaga wada hadleen raustaqbalka reerkaan cusub. Waxaa uu soo bixiyey lacag kuus ah oo uu ugu soo tala-galay, waxa uuna kula dar-daarmey, in lacagtaas qeyb ay dahab ku iibsato, qeybna inta uu maqan yahay – oo 4bilood ahna – ay isku dabbarto. “Waa yahay gacaliye, waad igu og tahay, aad baad u mahadsan tahay qalbi”, inta tiri ayey labada dhaban ka shumisey, lacagtiina boorsadii weyneyd ee ay kolkasha ku wadatay ku ridatay. Inta jimicsi sagootin ah sameeyeen, ayey halkaas si qurux badan maalintaas isugu macasalaameeyeen.

Caku daacadnimada iyo dammanaanta Dhimbil mararka qaar, maba oga in Saynab, afar nin oo qudba-siro ku qabta – oo qaarkood dibedda ku maqan yihiin – uu yahay mid ka mid ah!

Markii ay afartii bilood u soo dhammaatay, oo uu soo helay fasax yar oo kooban, ayuu Xamar ku soo dhardhaarey. Waxaa uu u soo socdaa, oo maankiisa ka go’i la’ Saynab, oo uu u soo xiisey niikadeedii iyo is-wareejinteedii uu la qasmi jirey. Markii uu soo galay Xamar, waxaa uu ku degay hoteelkiisii ay ku taqaaney. Maalin markii uu nastay ayuu kama maarmee, raadin ugu dhaqaaqey Saynab. Meesha ay horay u degganeyd ma aqoone, waxaa uu ka raad-raadshaa meelo ay wada fariisan jireen iyo aaggii ay isku barteen.

llaahey amarki, isaga oo maalin gaari Laanroobal ah la xiimaya, isla markaasna marayey Is-goyska howl-wadaag ayuu arkay saaxiibteed Wardi oo lugeyneysa. Inta farxad meel uu is-geeyo waayey, ayuu gaarigii iyada oo lugeyneysa ag istaajiyey. “Wardi soo ma ahan?” ayuu weydiiyey. Inta fiirisey ayey garatay “Alle waa Axmed, ii warran abboowe” ayey tiri, waxaa ayna u raacisey “Alle ma ku nabad keeney”. Xoogaa kaftan ah oo la isku tuur-tuurey kaddib, waxaa uu ku yiri “Soo fuul kursiga hore ee gaariga, aan ku geeyee halkii aad rabtaye”, isaga oo nin la socday oo kursiga hore fadhiyey ka codsatay, in uu ka dego oo uu taksi meesha ka qabsado.

Wardi waa soo fuushey, waxaa uuna u sii qaadey Cali-Kabiin oo ay u socotay. Isla markii ay soo kortay-ba, waxaa uu weydiiyey xaaskiisii qaaliga ahayd ee Saynab. Cabbaar inta ka aamustay ayey wax ay u sheegto garan weyday, markaas ayuu inta la yaabey aamusnaanteeda, isla su’aashii ku celiyey mar kale. “Abboowe waa joogtaa Saynab, waa ayna la socotay in aad xilligaan ku soo aaddan tahay, laakiin labadaan bilood waa mashquul” ayey ku tiri, iyada oo aan jeclayn in ay afka soo marsiiso waxaa ay ku mashquulsan tahay. “Mashquul aa? Oo maxay ku mashquulsan tahay? Ma waalidkeed baa xanuunsan?” ayuu weydiiyey isaga oo amakaagsan, waxa uuna u sii raaciyey hadalkiisii, isaga oo ka codsanaya “Ii gee abbaayo aan u tagee, ma joogi karo aniga oo aan Saynab soo arkine”.

Haddii xitaa ay been sheegi lahayd, ninkaani ulama eka mid ka haraya ilaa ay hor-istaajiso Saynab. “Alla maxaa kaa keeney waa joogtaa!” ayey ku shallaayeysaa. Waa aamustay xoogaa, markaasey – iyada oo weli feker ku maqan – wejigiisii eegtay, waxaa ay is tiri, ninkaan xariif magaalo ayuu u eg yehee, maad runta u sheegtid, in uu wax fahmaa laga yaabaaye. “Abboowe, Saynab waxaa u yimid ninkeedii oo Sucuudiga ku maqnaa, oo ilaa sannad ku dhawaad aan u imaan, waxa uuna la joogayaa ilaa laba bil, ee abboowe waa kuu soo laabanaysaa iska sug ilaa labadaas bilood, fadlan.”

Ninkii Dhimbil ahaa dhulkaa la wareegay, madaxa ayuu qabsadey, af-kala-taag iyo yaabbaa ka soo harey. Waa illoobey eraygii Abbaayo ahaa iyo hadalladii mac-macaanaa ee uu Xamar ka bartay. “Naa maxaad sheegaysaa, miyaadan islaam ahayn! Naa ma igu ciyaareysaa raise waa dhab waxa aad sheegayso?!” ayuu ku yiri isaga oo aan ogayn meesha uu marayo. Inta si fiican u eegtay, ayaa waxaa ay aragtay is- beddelka ninkaan ku dhacay, oo miyirkiisii oo dhan qaadey. Mar kale ayey si miyir leh uga il-buuxsatay, markaas bay aragtay, ninkaan oo wejiga kaduudaya, oo xanaaq iyo yaab dartiis dhidid waaweyn kaga soo yaacey, hadalkana shig- shigaya. Waxaa u soo baxday, sidii ay filaysay si aanan ahayn, waxaa ayna hadda aragtaa in uu yahay dhorroos jaangeri ah iyo bakaati dhar magaalo xiran oo bac seynta kaga xiran tahay!

Isla markii-ba maskaxda ayey ka shaqeysiisey, waxaa ayna is-tiri bal u deji, qabooji, oo si tartiib ah wax u fahansii. “Abboowe is deji, maxaad sidaas isugu shideysaa nooh, arrintaas iska caadi lee waaye nooh, qoftu nin muddo ka maqnaa ayey qancineysaaye, laba bil iska sug nooh, haddii kale oo aad kacsan tahay oo aadan sugi karina aniga ayaa kugu simaya nooh!”

Ninkii inta xanaaq la sarqaamey ayuu daaqadda inta gabadhii ka furey, gaarigii haraati-geelle uga tuurey laamiga Baar- Ubax bartankiisa, isla markaas-na inta daaqaddiisii xirtay dhaqaaqey, isaga oo afka abur ka sii deynaya.

Dadkii ag marayey gurxankiisii ayey sii maqlayeen, isaga oo ku hayey, “Qalin-shubato… Najaasad khasiisa ah oo Kabcadii soo gubtay, balaayo kula tagtay, oo Ilaahay islaamka kaa qabey.” Iyadiina inta istaagtay oo jajafatay, ayey sii lahayd iyada oo gadaal u-sii fiirineysa, “Washeynsi washeynsi dhalay, waxaasaa magaalo iska soo galaya oo gaari wadanaya,” Dadkii meesha taagnaa oo arkayey waxa ay u qaateen laba qof oo meel dhaw iska soo raacey, oo heshiis hoose isla fahmi waayey.

Maalintaas baa ugu dambeysey hadal-heynta Saynab iyo Khawaadkeedii-ba. Asna ma raadsan, il dembana kama qaadin, waxaa ayna arrintaas ku noqotay mucjiso uu ka sheekeeyo marka uu soo xasuustaba.

Laakiin markii uu arkay goolka cajiibka ah ee ay Saynab ka dhalisey, ayuu inta aad u fekerey, waxa uu gebi ahaanba beddelay shaxda uu ciyaaraha Xamar ku soo galo, waxa uuna go’aan ku gaaray, in uu weerarka iyo difaaca isku. dheelli-tiro, dhexda iyo baallahana uu aad isaga giijiyo, isla markaasna uu u dhugmo yeesho khadadka uu ka dheelayo!

Shaxdaan uu beddelay ayaa keentay, in uu ka naqeysto curdanka hadda adduunku uu u cusub yahay, oo qooq-la- boodka ah.

QEYBTA LABAAD

QAXII DHIMBIL

Dhimbil, isaga oo markaas howlo caafimaad u jooga magaalada Xamar, ayaa waxaa bilowday dagaalkii sokeeye ee ka qarxay Xamar 1991kii. Waxaa uu degganaa hotelkii Curubo oo uu nasiino ku qaadanayey. Dagaalka oo markiisii hore jid-gooyooyin iyo xabbado yar-yar ku bilowday, ayaa isku beddelay markii dambe dagaal cuius oo fool-ka-fool ah oo la isku adeegsanayey rasaasta cul-culus. Waa uu maqlayaa waxa ka dhacaya magaalada laakiin waa nin xanuunsan oo war ma raad-raadin kara e, waxaa uu dhageystaa oo uu wararka kala socdaa idaacadda Raadiyo Muqdisho, oo xabbadahaas iyo dagaalkaas ku sheegaysey canaasiir yar-yar oo fallaago ah, oo ay dawladdu ku raad- joogto, soona af-jareyso saacadaha soo socda. Run inta u qaatay ayuu barkintiisii sii dheereystay. Waa uu arkaa dad hoteelka alaabtoodii ka raranaya iyo buuq baxaya, laakiin waxaa uu u malaynayaa dad caadi ah oo hoteelka ka baxaya.

Isaga oo war-mooge ah, oo hoteelkii dhex jooga ayaa raagaaladii lagu kala tagay.

Dhawr jeer oo uu waayey dadkii u adeegi jirey, ayuu isagu soo baxay oo hoteelkii ku dhex-wareegtay, mise iska daa raashin iyo adeege, xitaa shaqaalihii ayaaba, intii ugu dambeysey ka xafash guranaya. Dhawr xilli wax ma cunin oo gaajuu naf la yahaye, bannaanka ayuu u sii baxay, si uu wax uu nafta ku ceshado u doonto, markaas ayuu arkaa dadkii oo kala ordaya iyo dukaamadii, maqaayadihii iyo mirfishyadii oo wada xiran. Waxaa uu arkaa dad dhaawac ah, oo lala cararayo iyo xabbado aan kala joogsi lahayn oo raeel walba ka dhacaya. Warrooy llleen balo! Yaab iyo dhaygag baa ka soo harey! Dib hoteelkii uguma laabane, horay ayuu isaga sii socday, waxa uuna doonayaa in uu magaalada sii indha- indheeyo, raadiyana saaxiibbadiis si uu war uga helo. Waa uu iska sii socdaa, waxa uuna maqlayaa xabbad meel walba ka socota, isaga oo dariiquu maraba ku arkaya qof qori la taagan iyo dad yaac-yaacaya. Waxaa uu arkaa weerar iyo weerar-celis.

Isaga oo iska lugeynaya, oo yara itaal daran, tiisiina u yaabban ayuu arkay dhiig ka socda, mise gacanta midig ayey xabbad wiifta ah ka haleeshey. Farmashiye ayuu raadsadey la sii tacaala inta uu ka sii tagayo isbitaalka, mise farmashiye furan ma jiro. Gaari ma wato uu meeshii uu rabo ku tago, dhawr jeer oo uu gaari gacanta u taagtayna, wax u joojiyo waa uu waayey. Markaas ayuu inta shaatigiisa gacanta ku duubtay, abbaarey isbitaalka Madiina. Isaga oo dhiig baxay, oo wareer hayo ayuu si dirqi ah ku gaarey isbitaalka Madiina.

Si sahal ah kuma helin takhtar, sababta oo ah, waxaa isbitaalka ka batay dhaawaca noocyadiisa kala duwan ee daqiiqaddiiba soo gaaraya iyo takhaatiirtii oo aan qaarkood soo shaqo tagin, dagaalka socda awgiis. Dhawr saacadood oo uu ka daba laabanayey takhaatiirta, ayuu helay gabar Kalkaaliso ah, taas oo rnarkii ay aragtay xaalka ninka, u kaaimaysay oo dhakhtarisey. Waxaa taas uga daran, ma haysto cid cunta u keenta, waxa uuna bilaabay in dadka cuntooyinka loo keeno uu faraha is-kala gashado.

Markii uu xoogaa soo raystay, si fiicanna u fahmay waxa Xamar ka socda, ayuu isbitaalkii ka soo baxay. Xabadda iyo hoogga socda awgiis, hoteelkii lacagtu u taallay laguma laaban karo, in laga baxo mooyee, Xamar-na joogis ma leh. Waxaa uu arkay gaari ku socda waddada dheer ee Afgooye aadda oo dad qaxaya fuushan yihiin. Gacanta ayuu u taagtay, waa loo joojiyey, markaas ayuu ka codsaday in ay qaadaan, dabadeedna waa ay ka aqbaleen, sidaas ayuuna ku sii raacey. Isaga oo gaariga dhakada ka fuushan ayey is-arkeen nin daris kala ahaa gurigii uu Shaqlan ku qabey, markaas ayuu weydiiyey halka uu u socdo, waxa uuna u sheegay in uu bar-tilmaameedkiisu yahay Keenya.

Markii uu baxayey, uma sheegin xaasaskiisii kala duwanaa, oo qaarkood laga furtay, kuwana ka dhinteen, in kalana uu weli qabey, sababta oo ah, isaga oo war-mooge ah ayuu ku waabariistay xabbadaha magaalada Xamar hareeyey.

Mar baaba intii ay dagaalladaas ka socdeen Xamar, mid ka mid ah ehelada Xamdi, oo ka mid ahaa dadkii ka furey ninkeedii Axmed ahaa, u sheegay Xamdi in uu arkay qof ninkeedii u eg oo mayd ah, laakiin wax badan oo ay raadisey kuma aysan guuleysan, in ay aragto raqdiis iyo ruuxdiis toona. Xamdi waxaa ay u qaadatay in uu dhintay Axmed Samatar, laakiin wel-welka ugu weyn waxaa uu ka hayaa aqoon-yarida ka haysata dadkiisa, si ay u barto gabadha ay u dhashey, haddii ay si kale ku raadin laheydna, ma taqaan qaraabadiisa iyo abtirsigiisa oo dhammaystiran midna. Horayna uma baran, markii laga furayeyna qabiilkiisa guud oo goobtii furriinka ay ka maqlaysey mooyee, si hoose uma sii baran, oo arrintaas wax kale ayaa uga weynaa, mana yeelan xiriir kale oo dambe!

Markii la marayey Afgooye, ayaa dadkii gaariga watay qaraabo ka degganeyd Afgooye dooneen in ay qaadaan, mise gaarigu waa cariiri, oo waxaa saaran dad badan oo ay jidka ka soo qaadeen. Waxaa ay Dhimbil iyo dhawr qof oo kale oo ay laamiyada ka soo qaadeen ka codsadeen in ay uga degtaan gaariga, oo ay gaari kale raadsadaan si dadkooda ay u qaataan. Dadkii kale waa ka daateen gaarigii, laakiin Dhimbil dhawr jeer oo uu ku cataabay in ay iska daayaan, waa ka diideen. Waa uu is-yara adkeeyey, markaasaa – waa dad aan garaneyne – gaarigii xoog iyo laad looga tuurey! Ka sii darane, cidna kama yaqaan Afgooye, lacag uu ku sii joogana ma haysto, waana dhaawac soo yara kabanaya.

Waa uu iska harey, saa dan baa tiriye. Darbi inta fariistay ayuu fekerey, misena fekerey, waxaa ayna talo uga idlaatay, in aysan halkani joogis lahayn. Markii hore gaariga waa iska saarnaaye, waxaa uu hadda dhigtay shax muujineysa sida uu halkaan uga baxayo, waddada uu marayo iyo meesha ugu dhaw ee uu Keenya  ka geli karo. Oo maxaa uu darbiga u fadhin, inta istaagey ayuu laamiga tagay, si uu gaari socda u raaco.

Ma jiro gaari lacag lagu raaco, oo qax iyo orod ayaa lagu jiraa, isna lacag ma haysto haddiiba la heli lahaa gaari noocaas ah, oo waxaa uu fara-qabsi haystay hoteelkii Curubo ayey qol ugu qufulan yihiin oo uu uga soo cararey. Isaga oo laamigii taagan, oo hadba gaari gacanta u taagaya wax u maciinana la’, ayuu arkay gaari weyn oo ciiraya oo tartiib u socda oo dhankaas iyo Kismaayo u socda. Cidna waxba ma weydiisane, inta qabsadey ayuu idin la’aan korey. Isha ayey ka fiirsanayeen dadka saaran gaariga markii uu soo fuulayey, cid la hadasheyna ma jirin oo, dadku iyagaaba naf- la-caari ahaa. Waxaa uu gaarigii ku gaarey halkii uu u socday ee magaalada Kismaayo.

Markii uu tagay Kismaayo, kama helin dad ay is-gartaan o dhaama, waxa uuna halkaas joogey maalmo yar oo ku jire dhib, rafaad iyo nolol xumo. Isaga oo miciin raadis ah, o magaalada iska wareegaya ayuu waxaa uu helay niman – w* isku duwdey – oo u socda halkaas iyo Keenya , waxa uuna ka codsadey in uu raaco. Waxaa ay ahaayeen rag yaqaane, waa soo dhaweeyeen waana ka aqbaleen, kaddib marka ay arkeen il-xumada ka muuqata. Halkaas ayey isaga iyo raggii atka saareen waddo aadda Keenya , waxaa ayna ka galeen xeradii qaxootiga ee Utanga. Xeradaas Utanga iyo Dhadhaab (gaar ahaan Ifo) oo uu mar dambe uga sii gudbey waxa uu ku noolaa muddo Shan sano ah, oo uu waayo-aragnimo nololeed oo kale uu ku bartay.

Xilligii uu Soomaaliya joogey, waxaa uu ku noolaan jirey dabaqad sare; wixii maankiisa ku soo dhacana ma waayi jirin. Waxaa uu ahaa madax xurmo leh, oo loo soo martin jirey. Waxaa uu ahaa nin ku nool waddankiisa oo uu macna badan ku dhex lahaa. Hadda xaalku sidaas ma ahan, waxaa uu subixii tagaa meesha Shamuurida, Galleyda iyo Shagariga lagu qeybiyo, oo uu kaarkiisa inta qaato garaamkiisa tunka soo saarto!

Guryihii qasriga ahaa iyo hoteelladii ma jiraan iyo raaxadiiye, buush uu dhistay ayuu maalinkii qorraxda kaga gabbadaa, habeenkiina fagooraha ka galaa. Ma lahan dharkii quruxda badnaa ee la isku bed-beddeli jirey iyo gawaaridii sida shaatiyada la isaga beddeli jiraye, hadda labada joog oo baali ah ayuu isku dhaaraantaa, gaarina warkiisa daah! Dumar- raadin iyo hawadeed kumaba soo dhacdo, oo tiisa ayuuba u maara la’yahay. Waxaa uu inta badan ku taahaa “Caku adduun, tanina ma kuu dambeysey!”.

Haddii uu muddo dheer dhibaatada, rafaadka iyo macaluusha ba’an ee meesha ka jirta uu la ad-kaysan waayey, waxaa uu ku fekerey in uu dhankaas iyo Nayroobi uu u tacabbiro, halkaas oo uu ku maqley dad badan oo ka baxa, oo aada dalalka Mareykanka iyo Yurub, Nayroobi ayuu isku sii daayey, isaga oo ku degay dhallinyaro ay isku barteen xeryaha Utanga iyo Dhadhaab, oo ay qaar qaraabo ahaayeen, oo markii hore si fiican ugu soo dhaweeyey Nayroobi, laakiin gadaal ka xumeeyey.

Xilligaas Nayroobi waxaa ay ahayd meel dac-darro ay ka jirtay, oo dadka ku nool oo dhan qaxooti wada ahaa, oo aysan jirin cid cid kale qaadi karta. Markii ay soo dhaweeyeen dhallinyaradii oo uu la joogey btl iyo dheeraad, oo uusan wax un dhaqaale ah ku darsan, ayey u sheegeen in uu meel kale raadsado. Ma isagaa yaqaan meel uu aado, meesha waa ku cusub yehee, waxaa uuna ka codsadey in uu la joogo inta uu magaalada si fiican u kala baranayo, oo uu kala qabsanayo,

Markii ay arkeen in uusan ka tagayn, ayey ka tashadeen sidii ay ninkaan culeyska saa’idka ah ku haya, oo aan waxba ku soo kordhineyn, isaga saari lahaayeen. Waxaa ay ku tashadeen, in sida ugu fudud ee ay ku khaarijin karaan, ay tahay in ay guriga uga guuraan isaga oo aan ogeyn. Magaalada inta galeen ayey qol soo kireysteen, waxaa ayna alaabtoodii ku rarteen gurigii isaga oo magaalada qaraab- doon ugu maqan. Alla, kuwaasi xaasid sanaayaa! Xitaa kirada guriga bishaas ma aysan bixin, markaasaa isaga oo soo wareerey uu gurigii yimid. Mise, waa maxaad ii dhiibatay!

Gurigii oo furan oo uusan hal shey dhex ool ayuu soo istaagey. Kaaga darane, waxaa isna yimid ninkii guriga lahaa oo kiro goobaya oo arkay gurigii oo laga guurey. Waxaa uu qaatay in ninkaani yahay qofkii ugu dambeeyey, oo gurig wixii looga tagay soo qaadaya. Inta qabsadey ayuu yir “kiradii isii”. Markaas ayuu ku yiri “Aniga guriga dul saarbaan ku degganaa ee nimankii degganaa ee kaa kireysta’ u raadso”, Maxaaba hadalkaas ka keeney! Isagii ayu’ kulleetiga ku dhegay. Labadoodii oo qoorta iskula jira, aya waxaa u yimid nin sama-doon ah oo markii uu ogaaday sid ay wax u dhaceen kala maareeyey, Maxaa u yaalla! isaga o kuwii habaaraya, ayuu inta calaladiisii aruursada- magaaladiisii isaga laabtay, oo goobtay meel uu dhinac dhigo.

Waxaa uu hadba qaraabo ama saaxiibbo uu samaystay, oo caal waaya, ag-jiifsadaba, waxaa uu arkay wakhtiga oo isk* socda iyo isaga oo aan waxba hayn. Buufis iyo howiaha uu Nayroobi u yimid ayuu cayrsadey. Waxaa uu raadiyaa dad loo soo dacwoodo oo qaraabo ah ama asxaab ah, oo qof ka dhimman yahay oo uu raaco, mise cid daneyneysa oo u heellanba ma jidho,

Wakhtigu waa ordayaa, garka iyo gafuurkiina waa sii caddaadeen, shilinna iskuma furto. Mar ayuu is-weydiiyey “Ehel iyo tol iyo saaxiib weydaye, bal maad markaan eegtid dhankaad ku fiicnaan jirtay, oo raadisid naag layn u xareysan yahay, oo aad lacalla ku dhooftid”. Taladaas waa la fiicnaatay, waxa uuna galay magaalada. Waxaa aad barato waa baaskaaye, curdankii ayuu ka bilaabay! Isma oga farqiga u dhexeeya, sida uu ahaan jirey iyo qaabka uu hadda yahay! Hadda waa oday doxosh ah, timihii iyo garkii inta ku bexeen ay salka ka caddaadeen. Waa qof wiiqraey oo aad mooddo ari dhuuqo ku dhacday. Waxaa uu qabaa shaati ka weyn oo harwash ah, oo diin-diin yar ka muuqdo iyo sirwaal jeenis ah oo jacdadmey, oo aan bil, biyo iyo saabbuun arag. Goomanka qodmey ee ka soo jeeda iyo iikaha dhaadheer ee doorsoomey lama dhugan karo. War si kale kuma garatide, haddii uu kaa soo hor-baxo, Allow yuusan wax ku weydiisan baad is leedahay!

Hadda waa dhoof-doon buufiskisii Alle ka geliyey dumar e, isaga oo maraya Luuqyada Islii mid ka mid ah ayuu arkay gabar ladan oo noociisii ah, oo dhalac-dhalac ku haysa. Waxaa uu is yiri “Nayroobi barwaaqadaani kama jidhe e, wallaahi tani marka ay ugu yar tahay, waaridkeed baa dibedda jira! War ku qabso ku qadi may side’.”. Inta gacanta u haatiyey, ayuu ku yiri “Qalanjada waan ku salaamey”, Way fiirisey, mise waa mid sibaaban. Inta aamustay ayey socodkeedii iska sii wadatay. Inta ka daba dheereeyey ayuu misena ku yiri “Abaayo, maxaa kugu dhacay soo kula hadli maayo, ii waran quruxley, waad isoo jiidataye”. Dib ayey mar labaad u fiirisey, mise waa qofkii wareersanaa oo daba- taagan. W axa u malaysay wax waalan oo Alle maanta ku soo salladaye, inta qeylisey ayey cagta wax ka deydey, iyada oo ku sii heysey, “Waalane. Waalane!”

Ninkaan waxaa uu is ogaa, isaga oo gabadhii uu la hadlaba ay soo kashlayn jirtaye, middaan waa ka yaabey, waxaa ayna arrintaan ku noqotay mid maankiisa gaddey. Waxaa kale oo ay arrintaan soo xasuusisey mid iyada oo kale ah, oo uu dorraad-foog sidaas oo kale inta uu afka la galey caag ay Biibsi ku cabbeysey ku soo halgaadday. “Maxaa khaldan ayuu is-weydiiyey?”. Meel tima-jare ah, oo u dhaw ayuu inta ku leexdey, is eeg-eegay, mise waxaa uu eg yahay qatawaar cantalyaa ah oo laga cuudu-billaysto! Hadda ayuu gartay is- beddelka jira, waxa uuna go’aansadey in uu shaxda beddelo. Waxaa uu talo ku gaaray, in uusan hadda kaddib isku wareerin dhoocilaha yar-yar, ee uu goobto xalusyo buur iyo xusullo kuus madax-bannaan, oo ama ka bixiyey ama ku sii dhaw, oo layn dhoof sugeysa.

Dhimbil waa nin, in uu ka tago Afrika oo dhan raba e, ma fariisan, waxa uuna baadi-goob ugu dhaqaaqey naag buufiskeedii maaro u heshay. Isaga oo suuqa Islii ka ag qaraabanaya ayuu isha ku dhuftay islaan inta ka soo baxday xawaaladda Amal, oo dukaan weyn oo ay ka adeeganaysey sii galaysa. Inta ay xawilaadda ku jirtay iyo inta ay adeeganaysay oo dhan wiido ayuu ka hayey, isaga oo geesta kalana xansanayey. Wax badan oo uu isku dhufsadey, waxaa ay ula ekeetay in uu daba-dhigto. Markii ay hawsheedii dhammaysatay, oo ay baxday ayuu daba-galay. “Abbaayo, ma kula qaadaa alaabta?”, qof leh ayey ka war-heshay. Inta dhugatay ayey ku tiri “Walaal waad mahadsan tahay”. Maba ka harine, waa iska sii daba-galay, oo la sii qab-qabsadey. La islama gaarin afaaro hoose oo la iska wareystee, salaam iyo nabdaadin kaddib, waxa ay ku tiri “Walaal, meel baan ku deg-degsanehee, berri isla hadda oo kale ayaan halkaa imaanayaaye, ii imow”. Inta farxay, oo uu u qaatay, in uu ji u furmey, ayuu ku yiri “Abbaayo waad mahadsan tahay, waxa aad tahay gabar jirta. Insha Allah berri waan ku sugayaa.”

Iyaduse waxaa ay u haysataa nin wiido ka hayey oo shaxaadaya maadaama uu rafaad ka muuqdo!

Markii subixii la gaarey ayuu goobtii ballanta isa soo taagey, isaga oo faraxsan, xaiay oo dhanna ka fekerayey sidii uu naagtaas ku soo xero gelin lahaa. Markii xilligii la gaarey, ayey xoogaa kaddib is keentay, markaas ayuu inta ku ordey salaam kal-iyo-laab ka soo go’day ku dhajiyey, uguna dhaqaaqey in uu ka warsado xaaladdeedii ilaa xaiay wixii ku soo kordhey.

Si koo-kooban ayey inta ula hadashey, bay ku tiri “Walaal dhankaan u soo istaag”, oo inta u soo bixisey 150 Shilin Keenya ah u soo taagtay, dabadeedna ku tiri “Walaal, waan ogahay xaaladda xun ee ku haysata Nayroobi ummadda Soomaaliyeed, waase laga bixi doonaa, ee walaalow bal intaan ayaan kuu soo heiaye qaado, Insha Allah, marar kale oo aan sidaan dhaamo, waan is arki doonnaaye”. Inta u qaadan waayey, oo qosol been ah u dhoolla-caddeeyey, ayuu ku yiri, “Abbaayo, anigu lacag kuma weydiisan, ee xoogaa sheekadaada ayaan xiiseynayey.”

“Maxaad ka waddaa?” ayey iyada oo la-yaabtay ku tiri.

“Abbaayo, dee… Dad waaweyn baannu nehee, dee, in aan is-wareysanno oo aan wada sheekeysanaan doonayey,” ayuu yiri isaga madaxa xog-xoganaya. Inta yaabtay, oo fajacdey, oo si yasmo ah kor-iyo-hoosba uga eegtay, oo indhaha kala ged-geddisey, oo misena candhuuf tiririq ka siisey, bay inta ka dhaqaaqdey ku tiri, “Allow Alle, ma qaddarkaas baad naag ku dooneysaa!” Halkaas ayeyna, isaga oo liq-daaran uga dhaqaajisey, inta lacagteedii boorsadeedii ku ridatay!

Arrintaasi niyad-jab weyn ayey ku beertay, maadaama uu u ekaadey urduf loo malaynayo in uu tuugsado. Inta uu meel fariistay ayuu baarey sababta, waxa uuna ogaaday in arradka iyo busaaradda iyo kareen la’aanta ioogu daw-galay. Waxaa uu go’aan ku gaarey in uusan naag dambe la hadlin isaga oo aan wax ka beddelin sida uu hadda yahay.

Maalmuhu kala ayaan roone, maalin isaga oo meel biibata ah iska fadhiya, ayuu arkay nin ay horay ciidamada uga wada tirsanaan jireen, oo ay is-yaqaaneyn. Inta ku soo booday ayuu salaamay. Waa uu og yahay, qof horay u aqoon jirey in uusan hadda garan karine, si fiican ayuu isugu sheegay.

Ninkaan oo gartay Dhimbil, oo aad uga naxay rafaadka haysa ayaa inta la fariistay wareystay. Alla ninku gobsanaayaal Sheeko dheer dhex mart ay – oo u badneyd dhibaatadii iyo abaartii uu soo maray Dhimbil – kaddib, ninkii lacag 1000 doollar ahayd oo uu Xawaalad ka soo qaatay ayuu 500 doollar ku tabbacay. Farxad darteed ayuu dhimbil ninkii oo meeshii fadhiya oo uusan macasalaameyn uga dhaqaaqey. Waa nin foorjeysnaaye, meet kale ma aadine, waxaa uu abbaarey suuqa dharka, waxa uuna ku soo adeegtay 250 doollar, wax Alle iyo waxaa uu watayna, qashinka ayuu ku daray, waxaa kale oo uu iska soo hagaajiyey garkii iyo madaxii.

Maalin maalmahan ka mid ah, isaga oo bini-aadam u eg, ayey meel surin ah waxaa ay isaga soo hor-bexeen mid is- jajabineysa, oo markii uu ka il-buuxsaday uu u qaatey in ay meel wax u saaran yihiin. Markaan waa nin loo istaagi kare e, waa la isa-salaamay, oo la is-wareystay, dabadeedna waa isugu baxday. Waa nin dad meelo gay-gayn karee, waxaa uu ku ballansadey meel maqaayad ah oo uu casho u geynayey.

Kulankoodii koowaad-ba, waxaa ay u sheegtay in ay Layn Kanada ah sugeyso, oo ay dhoofi doonto shan bil kaddib. Waaba sida uu rabaye, cagta ayuu cagta u saarey. Lacagtii oo ay uga hartay 150 doollar, ayuu u qoondeeyey in uu ku casho gee-geeyo, xabbad-xabbad catar ah oo hadiyad ahna uu u raac-raaciyo. Isaga oo shanta bil iyo lacagta uu heysto isku jaan-gooynaya ayuu labadii asbuucba mar casho geeyaa. Iyada wax diyaar u ah iyo wax ay sugayso ma jiraane, shaw sidiisa oo kale ayey busaaraddu gubaysaa, oo ninkaan ayey is-leedahay buufiskaan beenta ah ku dhuuq, oo abaarta daba-dheer uga bax!

Iyadu waxaa ay jeceshahay in ay mar walba kulmaan oo waa soo raadisaa, laakiin isagu ma jecla, oo waxaa uu ka baqayaa in ay kabihiisu si deg-deg ah ku soo uraan. Wax la wada sheekeysto, oo marna casho la tago, marna guryaha iyo beeraha la aadaba, waaba la sii dhaafay lix bilood, qoftaanna casho nagee iyo shaxaad mooyee wax kale kamaba soo socdaan. Waxa uu isagu jecel yahay in jacaylka iyo iska wareysiga laynkii meesha uu marayo laga sheekeysto, laakiin iyadu jacaylka ayey xoogga saartaa.

Markii wakhtigii ay tiri waa dhoofayaa la dhaafay, oo misena uu ka arki waayey ashqaal dhoofitaan, ayuu waxa uu bilaabay in uu u fiirsado hadalladeeda, waxaa uuna arkaa iyada oo hadba si kale wax u sheegaysa. Tusaale, waxaa uu ogaa iyada oo leh habar yartay ayaa Kanada joogta, oo laynkaan gabadheedii iigu xareysey, haddana waxaa uu arkaa maalin iyada oo leh, adeerkey ayaa naag ahaan iigu soo dacwoonaya, maalin kalana iyada oo leh ayuu arkaa, waxaa fiise ii xareysey eeddadey. Mar xitaa inta illowdo Kanada ayuu arkaa iyada oo Mareykanka Laynkii u xawileysa. Haddii aad been badan tahay waa la xasuus badnaadaaye, waa gartay in ay tahay ugaarsato uu dabinkeedii ku dhacay!

Habeen habeennada ka mid ah, oo uu iska caajisnaa ayey inta u wacdey ku tiri “Abboowe caawa ma tagnaa Hoteel Ramada oo halkaas ma ku soo qaxweynaa?” Inta xoogaa wax is-wey-weydiiyey, oo uu is-yiri “Qoftaan caawa si wanaagsan u wada hadla”, ayuu ku yiri “Haye”. Inta uu markaas is- diyaariyey ayuu hoteelkii maqribnimadii sii tagay, oo inta meel sii fariistay iska sugey. Waaba tan iyada iyo laba kale oo ay hoggaamineyso oo ka kicinaya. Inta la soo fariisteen ayey salaameen, isla markaasna saaxiibtiis bartay labada naagood ee kale ee la socotay. Iyada iyo saaxiibadeed-ba, waa qaraab- ku-noole, waxaa ayna ka soo qabatay in ay saaxiibkeed caawa ka wada casheeyaan!

Markii xoogaa la is-nabdaadiyey, yarana la xifaal-tamey, ayaa waxaa soo kor istaagey, kii cunta geeyaha ahaa.

“Walaalayaal, maxaan idiin keenaa; cunto iyo cabbitaanno; qabow iyo kuleyi ba leh?”. Waa ogaa in Jacagta uu haysto ay tahay 500 Shilin Keenya ah oo uu qaar soo deyn-qaataye, inta kabalyeerigii ia hadlcv ayuu ku yiri “Adeer shaah iyo cabitaan noo keen”. Saaxiibtiis ayaa inta soo booddey ku tiri “Xabiibi, anigu caawa dhayladii baan u xiisaye, kabalyeeri ma haysaa dhaylo ari.” Markaas baa Kabalyeerigii ku yiri “Haah”. “Ii keen daqey dhaylo ari ah, bar baasta ah, cabbitaan liin banbeelmo ah, iyo xabbad kooka ah”, iyada oo aan warkii ka bixinna, ku tiri saaxiibbadeed “Ha is-martiyeeyninee wax dalbada”. Waa qowsaarro indha-adage, iyaguna raashin aan ka dhicin midka ay dalbatay ayey dalbadeen. Ninkii Dhimbil ahaa waa yaabban yahay, hadalkiibaana ku dhegay, wax uu sameeyo iyo halkii uu lacagtaan ka bixin lahaa ayuuna ka fekerayaa.

Isaga oo fekeraya iyaguna qosol iyo kaftan ka bixi la’yihiin ayaa kabalyeerigii keeney dalabkii. Waa qowleysato cunto bilaa-xisaab ah bartaye, waxaa uu la yaabey cantuugo weynidooda iyo laba-canleyntooda! Marka uu arkay xaasidnimadooda ayuu go’aansadey in uu iyaga cashada ku gooyo. Inta istaagey, oo moobeel-kiisii dhegta saartay ayuu dhaqaaqey, oo iska dhigay wax qof gaar ah la hadlaya. Gadaal ayuu u soo fiiriyey, mise madaxaba kor u qaadi maayaan. Inta hoteelkii ka baxay ayuu gurigiisii iska sii aadey, taleefoonkiisiina dansadey. Markii ay dhergeen, sidii ay meeshii u sii fadhiyeen ayaa talo ku caddaatay, oo ay fahmeen in uu Dhimbil ka jaqaafiyey. Maxaa yaalla oo kale, katiinadahoodii dahabka ahaa iyo moobeelladii ayaa laga qaatay. Yaaba dib dambe u wada hadlay, halkaas ayey haddii Dhimbil iyo naagtii ay iska hor-yimaadaan, inta indhaha la isku gubo la iska ag maraa! Wax badso wax beel baa laga qaadaaye, markaanna waa ku fashilmey isku deygiisii kale.

“Allow yaa ku dhaafiya Afrika” ayuu ku cataabaaye, ma isagaaba quusanaya. Markii uu arkay laymankii Nayroobi dhex-dooda ahaa in uu ku fashilmey, ayaa markii uu ayaan joogey, waxaa uu go’aansadey in uu dumarka dibedda jooga raadiyo, oo uu shukaansado, dabadeedna ka dhaadhiciyo in ay Nayroobi inta ugu yimaadaan kaxeeyaan, sababta oo ah, waxa uu og yahay, in uu yahay khad heer sare ah oo ay rag badan ku dhoofeen. Laynkaasi waxaa uu ku xiran yahay, in uu qofku Internet-ka yaqaaanno, waxa uuna bilaabay in uu Internet-ka – si uu sameeyaba – uu barto.

Dhaqaale Internet lagu barto ma haysane, dhallinyaro uu bartay oo Internet Cafe lahayd ayuu bilaabay in uu si bilaash ah ula shaqeeyo, oo uu gacan-yare u noqdo, si uu isna uga barto qaabka Internet-ka loo isticmaalo. Markii muddo xoogaa ah uu la shaqeynayey ayuu bartay Internet-kii isaga oo samaystay MSN isla markaasna aad u kala bartay qololka Paltalk-ga.

Waa nin meeli u caddahaye, qof aan dumar ahayn, oo aan joogin Yurub ama Wagooyiga Ameerika lama hadlo. Daadaalaa waa gaaraaye, sidii uu Intemet-ka u dul fadhiyey, qolalka Paltalk-ggana ugu jirey ayuu waxaa uu soo helay islaan garoob ah oo Ingiriiska ku caajistay. Cagta ayuu cagta u saarey, waana af-miishaare, si fiican ayuu jacayl ugu asqeysiiyey.

Mar ay sawir ka dalbatay, ayuu waxaa uu u direy sawirkiisa oo Kambuyuuter inta lagu habeeyey la qurxiyey, oo aysan ka muuqan dac-darrada hadda ka muuqata. Aad ayey ninkaan uga heshay quruxdiisa iyo weliba hadalkiisa macaan. Hadda Internet-kii iyo qoraal-ku-sheekeysigii waa ayba iska deysey oo taleefoon ayey ka soo wacdaa, si ay ugu raaxeysato hadalkiisa hallaasiga ah, markaas ayuu sheekooyinkiisii macaanaa u saaraa. Alla muxuu ku qubaa gabey, geeraar iyo heeso uu ku amaano, oo islaantii oo dhan dawakhiyey! Naagtii jacaylbaa inta wareemey, ayey is tiri “Ninkaan oo kale lama heli karee, yuusan ku dhaafin”.

Muddo yar gudaheed-ba, waxaa ay soo istaagtay “Waan kuu imaanayaa oo Nayroobi baan isku mehersanaynaa”. Maba aysan laba-bogleyne, sidii ay u soo ordaysay, bay garoonka Jomo Keenya ata soo istaagtay. Isna ballanta ayuu ogaaye, garoonka ayuu tagay, si uu u soo dhaweeyo, isaga oo taksi uu ku soo qaado magaalada ka soo kaxeystay.

Caku fara-marnaan! Ninka busaarad iyo shiid ba’an ayaa ka muuqda. Waa qalfoof daneysan oo misena dbaaraan la’, oo intii uu qabey ku dul-caddaatay! Maalmahaan oo dhan ayuu raadinayey dad uu dhar ka caariyeysto, laakiin wax aamina waa waayey! Dee muxuu sameeyaa! Sidii isaga oo ah ayuu garoonkii sii istaagey. Waa uu weji yaqaannaa oo sawirkeeduu haystaaye, bannaanka ayuu ku sugayaa. Markii ay soo baxday, iyada oo boorsooyin jiideysa ayuu inta kor ka arkay u yeerey, oo ku yiri “Fartuun, ii waran abbaayo, Alxamdullilaah, haddii Alie ku nabad keeney”. Inta garan waydey qofka la hadlaya oo magaceeda ugu yeeraya ayey inta fiirisey tiri “Waa kuma?”. Suuye “Waa Jaamac, waa saaxiibkaagii qaaliga ahaa ee aad u socotay”.

Inta ka yaabtay qofka sida uu eg yahay ayey tiri, “Jaamac aaa… Ma adigaa Jaamac ah!?”. Suuye “Qalbi, maxaa kugu dhacay? Miyaad I garan weyday? Soo bax, keen boorsooyinka aan kuu qaadee”. Hadalkiisa ayey ka garatay in uu yahay Jaamac, laakiin sawirkii uu u soo direy ee uu kula sheekeysan jirey iyo sida uu haatan u eg yahay isma lahan! “Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun, ma waxaan baad raaci kartaa oo tolkaaga iyo asxaabtaada tusi kartaa?” ayey isla markiiba is- weydiisey!

Dumarka badankood rag aqoon ma ahane, waa indha-ku-garaad lee, cabbaar markii ay ag taagneyd oo ay fekereysey, ayaa waxa ay ku tiri hadal uu ka naxey “Walaal, waan ku xumahay, sidii aan moodayey ma tihid, marka iga raalli ahow!!”. Isla markaasna inta jaantii ka rogtay, ka tagtay, isaga oo halkii indhaha taagtaagaya! Muxuu sameeyaa, waalli ayuu qarki u istaagay! Waxaa jabkaas ugu darmadey, taksigii uu kula soo heshiiyey in uu qof kaga soo qaado garoonka diyaaradaha, oo uu doonayey in ay iyadu bixiso, maadaama uusan isagu waxba heli karinna, meesha ayuu u taagan yahay! Isaga oo isku mashquulsan, oo si’ uu sameeyo garan la’ ayuu arkay mid uu bar-yaqaaney oo taksi sii galaya. Gacanta ayuu u taagtay, waa u istaagey, teksiilihi uu watay ayuu inta ka dhuuntay ninkaas sii raacey, oo uu ku gaarey xaafadda Soomaalida ee Islii.

Halkaas ayey Dhimbil iyo naagtii dhal-dhalaal doonka ahayd isku dhaafeen! Caku-se aqoon-darro, naagtaasi ma oga sida uu durufkaan sariirta ugu fiican yahay iyo hantiilaha uu yahay! Bal kor ka aragtaye, may hoosna ka fiiriso, oo may inta iska kaxeysato hal habeen tijaabiso!

Hadda sagaal sano ayuu ku marayaa Nayroobi, wax uusan isku dayin sidii uu uga bixi lahaana ma jiro, albaab kasta oo uu garaacana waa ka soo awdmey! Sidiisii hore iyo shiidnimadii mid ka daran ayuu ku laabtay. Waa niyad-jabey, waxa uuna ka rajo-dhigay adduunyada. Waa ka dhacay noloshii oo beerta ayuu si fiican u galay. Kabadhada qaadka iyo sanqadaha daroogada ayuuna ku ag-dambeeyey.

Intii uu xaalkaan ku jirey ayaa waxaa Nayroobi timid xaaskiisii koowaad ee Xaawo, oo raadineysey in muddo ah, maadaama sidii uu Xamar uga qaxey uusan juuq u soo dhihin – cod iyo calafba. Markii ay Nayroobi timid, ayey ingooraale ah oo ay raadineysey kaddib, la kulantay ninkeedii oo doorsoomey, oo nolosha meesha ugu hooseysa kaga jira. Waxaa ay aad uga xumeyd xiriir la’aantiisii iyo wax-tar la’aantiisii intii uu Keenya joogey, taas oo uu ku darsadey in uu khadka noioleed ka dhaco.

Xaawo waxaa ay isku daydey in ay nolosha ku soo celiso, waxaa ayna sameysey wax walba oo ninkaan lagula tacaali karo, si uu noloshisii caadiga aheyd ugu soo laabto. Laakiin taasi waa u socon weyday Xaawo, waxaa ayna arrintaasi ugu dambeyntii keentay in ay kala tagaan, oo ay ka dal-doorsato, waxa ayna Xaawo markii la furey, u shaqo tagtey Koofurta Afrika.

Markii ay Xaawo kala tageen ayey noloshiisii misena ka sii dartay, waxa uuna bilaabay in uu isku maaweeliyo balwad, nooc kasta oo ay tahay-ba, taas oo gaarsiiyey meel xille.

RAXMO IYO SAFARKEEDII YAMAN

Raxmo, markii ay kala tageen Dhimbil, waxaa ay bilowday in ay shaqeysato oo ciddeeda iyo wiiikeedaba anfacdo. Waxaa ay maalintii wiilkeeda u dhiibataa hooyadeed Nuurto, waxaa ayna ka soo shaqeysataa magaalada, hase yeeshee – waddanka oo mar dambe colaado sokeeye tiimbaday awgi – waxaa sii anfici weyday nolosha waddanka, waxaa ayna is- kuia talisey, in ay ka tagto magaalada Xamar, iyada oo feker dheer kaddibna, go’aansatay in ay u tacabbirto waddanka Sucuudiga, halkaasna ay ka soo shaqeysato. Markii ay taladaas gaartay ayey hooyadeed iyo aabbeheed u sheegtay, iyada oo ku qancisey faa’iidada uu dhoofkeedu u leeyahay mustaqbalkooda, taas oo iyaguna ay soo dhaweeyeen isla markaasna ugu duceeyeen in Alle meel san geeyo.

Iyada oo qaban-qaabada socdaalkeedii ku jirta ayey maalin isku arkeen Suuqa Bakaaraha Xamdi. Inta isku soo boodeen ayey midba tii kale ku tiri “Balaaya-qabihii ma heshay?”, waxaa ayna mid walba hal mar la booddey “Waan helay Ilaahayna waa na kala saarey”. Sheeko dheer oo ku saabsaneyd waayahoodii hore kaddib, waxaa ay Raxmo u sheegtay Xamdi, in ay safar isku diyaarineyso oo ay u socoto Sucuudiga, taas oo Xamdina ugu duceysey in uu Alle ku guuleeyo socdaalkeeda.

Ayaan kaddibba, Raxmo waa ay safartay, iyada oo foolka saartay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, oo ay doonaysey in ay uga sii tallowdo waddanka Yaman, dabadeedna ay ka sii aaddo dalka Sucuudiga, oo qasadkeedu ahaa. Diyaaradi ma jirine, waxaa ay qabsatay gaari Sitay ah oo khudaari ka buuxdey, oo dad yar wadey una socday Gaalkacyo. Sidii ay u sii socdeen ayaa gaarigii oo marayey meel heyjad ah, oo u dhaxaysey Jowhar iyo Buulo-burde waxaa uu ku soo dhacay isbaaro cusub oo mooryaan meeshaas u tiilley. Gaarigii ayey inta dadkii ka dejiyeen baarteen. Markii ay gaarigii ka soo dhammaadeen, ayey dadkii u soo laabteen. Dadkii inta aysan baaran, ayey Raxmo oo ay quruxdeeda la dheceen gees u istaajiyeen. Dadkii kale inta furteen ayey gaarigii fasaxeen, Raxmana la hareen. Dadkii gaariga watay iyo dadkii saarnaaba ma aysan ahayn kuwo arxan lehe, waa isaga dhaqaaqeen Raxmo oo jirridii inta la hartay tafaha ku dheggan tahay!

Raxmo waxaa loo reebtay, in tuugada oo geel-jire u badneyd ay ku qara-baxaan, oo ay saf ka galaan. Laakiin taasi ma aysan dhicin! Raxmo duco ayey afka saartay, iyada oo lahayd “Allow adaan ku tawakalay, Allow kuwaan adaan kaa hoos galay, Allow sidii aad doontid iiga bad-baadi, Allow horaan dhib u soo arkaye dib ha iigu celin”. Cajiib… Ilaahay Boqorsanaa, inta ka aqbaley ayuu ka badbaadiyey. Meel waab ah oo aan isbaarada ka fogeyn ayey geysteen. Ninkii soo hunguriyeeya, markii uu soo dul istaago ayey candhadiisi sallax noqotaa. Waa is fiiriyaa, mise wax ba kuma yaallaan. Inta naxo ayuu baxaa, markaasey inta soo laabato dholo’ soo tiraahdaa. Nin kasta mucjisadaasi waa qabsataa, iskumana sheegaan, oo waa kala qarsadaan. Ninkii mar dhankeeda soo aadana dib dambe uguma soo laabto.

Iyada oo xaalkii sidaas yahay, ayaa waxaa yimid gaari Siisow ah, oo isla Gaalkacyo u jeeda. Inta baarteen dad iyo duunyo wixii saarnaa ayey ku dareen Raxmo oo xitaa guntigeeda lacagta ku jirta aysan baaran. Maxaa u furan Raxmo oo aan ka ahayn “ALXAMDULILAAH”. Iyadaas ayey ku wardineysey ilaa ay Gaalkacyo ka gaartay.

Markii ay Gaalkacyo tagtay-ba, waxaa ay horay ka qabsatay gaari Maarkeet oo markaas taagnaa. Waxaa ay sii socotay-ba, waxaa ay sii istaagtay Boosaaso. Waxaa ay tagtay meelaha dadka laga tahriibiyo markaas ayey ogaatay in aysan ku filneyn lacagta ay haysato. Maxaa kale oo u yaal, soo in a shaqeysato ma ahan, oo ay soo aruursato lacag gaarsiis? Yamen. Waxaa ay raadsatay shaqo, waxaa ayna si deg-deg at ku heshay shaqo booyaasanimo ah. Waxaa ay ui shaqeyneysey reer ballaaran, oo shaqadoodu cuius tahay, dadkooduna xun yihiin, oo ay kula joogtay dan iyo dul-qaad.

Markii ay 15 beri u shaqeyneysey, ayaa gabdhaha cidda, midi ka mid ah oo heeco ah, inta dahab guriga ka xaddey ku nabtay Raxmo. Caku reerku khayr daranaa inta saqiir iyo j kabiir isugu tageen ayey sidii ay u garaacayeen bakhtigeedii ka tillaabsadeen. Iyada oo meel jikada agteeda ah ku j gamboon, sidii ay u dilayeenna inta ku daaieen weli dul-i taagan yihiin, ayaa waxaa u soo gashey naag deriska ahaydj oo la yiraahdo Aamino. Markaasey aragtay Raxmo oo miyir beeshey, jirkeeda meel kasta dhiig ka da’ayo, oo cawrada keliya ay u dadan tahay. “War maxay gabadhaani galabsatay oo aad sidaas ugu disheen” ayey qoyskii oo dhan oo meesha xoonsan ku tiri. “Walaaley waa tuugo reer Xamar ah oo Rabbi iyo Islaamba ka furatay, oo shaqaale ahaan noogu joogtay, waxaa ay xaddey Katiinad aan shan bil ka hor ka soo bixiyey 100 Dollar” ayey ku jawaabtay, islaantii guriga lahayd. Aamino oo la yaabban qaddarka lacageed ee ay dhiiggaas qaaliga ah ku bannaysanayso ayaa ku tiri “Walaalley aniga ayaa lacagtaas ku siinaya, gabadhaanna kaxeynaya”. Seyte “Haddii aad lacagtaydii isii naysid, wataase iga kaxee muuqeeda, balaaya ha dhifsatee.”

Aamino iyo gabdhaheedii naxariista badnaa ayaa Raxmo tunka soo saarey, waxaa ayna geeyeen Isbitaal, si fiican ayey u daweeyeen, markii ay roonaatayna gurigoodii inta keeneen, ayey inta baanteen ha dhicin ha jabin la haayeen.

Raxmo, markii ay ka soo bad-baaddey tuugadii jidka u gashey, aad ayey ilaahey u aamintay, waxaa ayna ogaatay in ay ilaahey mooye e, aysan cid kale u baahneyn. Cakuse hilmaan, waa illowsaneyd ducadii ay ku fakan jirtay, markii ay soo weerarayeen arxan-laawe-yaashii isma dhaantada ahayd ee halka meel ku wada noolaa. “Oo kaaley ilaahey ma difaaca bes baa loo wacdaa, soo qaaddir wax walba addoonkiisa u awooda ma ahan, maad baridid, oo dulmigaas laguu geystay Ilaahey – kolley wax ba kama qarsoonee – u sheegtid?” ayey maanka iska tiri.

Raxmo waxa ay u yeertay islaantii naxariista badneyd ee u booga dhayeysey. Waxaa ay ku tiri “Hooyo Aamino, marka hore, Ilaahey ha kaa abaal-mariyo asxaanka aad ii sameysey kolley anigu ma gudi kare e. Marka xiga dadka Boosaaso deggan haddii aadan ku jiri lahayn, cuqdad ayaan u qaadi lahaa, laakiin adiga ayaa iga masaxay. Midda kale, haddii uu calafku gacantayda ku jiri lahaa kaama ag-fogaadeen, oo ishaada naxariista leh ayaan duggaashan lahaa. Waxa kale oo aan kuu sheegayaa, in aniga iyo Ilaahey xiriir fiican uu naga dhaxeeyo, kuwaas caawa ayaan u khilaaweynayaa, waxaana kala caddaan doonta waxaa ay sheegayeen in ay been tahay iyo in ay run tahatay.”

Aamina oo hadalka Raxmo aad u dhageysaneysey ayaa ku tiri “Hooyo, aad baad u mahadsan tahay. Hooyo runtii laftaydu dulmigaas qeyb ayaan ka ahaa, sababta oo ah, ciddaas aan deriska nahay, si wanaagsan ayaan u aqaannaa, gabdhaheyguna waa ii sheegeen in aad u shaqeyneysey. Waxaa ay ahayd in aan kuu sheego ciddaas xumaanteeda, oo inta aysan waxaan ku soo gaarinba aad ka tagto. Waan se kugu fiirsadey in tii uu dhibkaani ku soo gaarayey” iyada oo u sii raacisey “Hooyoy iska dhaaf, iska cafi, wixii aad u baahan tahayna aniga i weydii, haddii aad guriga joogeysid gabdhahaygaas ayaad la mid tahay, haddii aad Xamar iyo reerkiinnii ku laabanaysidna, aniga ayaa ku amaba-bixinaya.” Raxmo oo ilmo ku soo joogsatay ayaa mar labaad ku celisey ammaanta Hooyo Aamino, laakiin waxaa ay ka dhega adeygtay cafiska reerkaas.

Raxmo waxaa ay bilowday isla habeenkiiba khilaawo. Ilaahey oo ay aamintay ayey kor-iyo-hoos u baridey. Sidii ay u fadhidey oo marna inta soo xasuusato arxan-daradii reerka u ooyeysey marna Alle tuug ugu jirtay ayaa waagii dhag yiri. Ilaahey waa hore ayuu ballan ku qaadey in uu duimanaha ducadiisa aqbalee, reerkii Raxmo dhibka u geystay ayaa xalay saq dhexe lagu dhex dhacay! Middii nabtay beerkaa looga soo booday, islaantii amarka jir-dilka bixisay madaxa ayaa laga galay, odaygii cidda ee mufsidka ahaa ruuxaan baa ku degtay, carruurtii shuban iyo daacuun baa ku dhacay, kuwa jinni oo qaraabada ahaa oo reerka la joogay, oo Raxmo meel laga dhigo la waayey dharka ayey dhigteen. Saqda dhexe habeenkii ilaa salaaddii subax reerkii qeylo iyo bulaanbaa ka yeerayey la garan waayey waxaa uu yahay!

Aamina oo jibaadkaas yeerayey ilaa xalay la yaabbaneyd, ayaa subixii ku kallahdey reerkii, mise waa reerkii oo wada daadsan. Aamino waa fahantay meesha reerka laga galaye, deriska oo dhan ayey isugu yeertay, waana la isugu soo baxay. Reerkii oo il goon ah wada taagaya ayey ku tiri “Walaalayaalow, waa natiijadii dulmigii aad u geysateen Raxmo e, yaa haya Siliskii Dahabka ahaa ee Raxmo lagu nabbey, si aad caafimaad u heshaan?”. Gabadhii nabtay Raxmo oo iyadu ugu darneyd ayaa tiri “Alle eeddo Aaminooy aniga ayaa qaadey, boorsadeyda ayuuna ku jiraa, ee nabarka igu taagan ha iga sii deyso, waan ku baryayaaye,” Siliskii waa la soo bixiyey, markaas ayuu caddaadey dulmigii lagu sameeyey Raxmo.

Raxmo ayaa loo yeerey oo laga codsadey in ay reerka tahaliiliso, laakiin waa diiddey ilaa ay dhiiggeedii bixiyaan. Isla markiiba, inta culimo loo yeerey ayaa xaqeedii la simey. Geel baa inta lagu simey ayaa isla markiiba lacag caddaan ah loo beddeley, markaasaa isla saacado gudahood lacagtii loo tiriyey. “Masha Allah, lacagtu badanaa” inta niyadda iska tiri, ayey biyo inta soo qaadatay ku tuftay erayo duco ah oo ay ka mid ahaayeen “Allow hadda raalli baan ahay, xaqeygiina waan helay, waana cafiyee iska dhaaf”. Tahaliishii ayey inta gacanta ku shubtay ku fir-dhisey gurigii iyo reerkiiba, markaasaa hal mar laga wada fuqey reerkii dhammaantiis.

Markii ay miyirsadeen ayey inta istaageen Raxmo dhunkasho ku wada bilaabeen, jilbahana qabsadeen, silsiladdii dahabka ahayd iyo kuwa kale oo ay ugu dareenna qoorta u suureen, iyaga oo ku xoonsanna ku barooranayeen “Alle walaaley naga raallo ahow”. Cafi Alle iyo masaamax ayaana lagu kala tagay, iyada oo Raxmana Alle aamin kale halkii ka sii qaadday, reerkiina aadaab iyo in aysan qof dambe fara-gashan ka qaadeen.

Aamino iyo Raxmo ayaa gurigii isku raacey, waxa ayna Raxmo hooyadeedan cusub u sheegtay in ay doonayso in ay tahriibto oo ay Yaman aaddo. Aamina oo la dhacday Raxmo wanaaggeeda, nadiifsanaanteeda iyo awliyanimadeeda, oo niyadda ka jadaysatay in ay xidid iyo xigaalanimaba qoyskooda ku soo biirto, ayaan la dhicin tahriibkeeda, waxaa ayna ka codsatay in ay la joogto. Laakiin Raxmo oo uu hadafkeedu meel ahaa, waxaa ay jeclaysatay in ay baxdo. Markii dambe Aaminana waa ku waafaqdey, waxaa ayna u soo bixisey lacag kuus ah, taas oo muran iyo dagaal dheer kaddib, Raxmo ay qaadatay. Raxmo dahabkii la siiyey oo ay lacag u baddalatay iyo lacagtii xaqa ahayd iyo tii Aamino siisey-ba, qaarna qoyskeedii ayey u dirsatay qaarna faraqa inta ku xiratay ayey ku tahriibtay.

Raxmo, inkasta oo ay dhib kala kulantay tahriibkii, oo inta doontii baddii kaga hallowdey saddex habeen ku jireen, ayey markii dambe si nabad ah xeebta Mukalla uga dagtay. Markii ay birriga ku degtay ayey sideedii Alle uga baridey in uu Safarka Yamen dhexdeedaa ah u fududeeyo. Meeshii bey daf ka tiri, waxa ayna sii istaagtay Xeradii Qaxootiga ee Madiinatu Shacab, oo Cadan ku taallay. Waxba kuma raagine, inta Cadan gaari ka raacday ayey Sanca cagta sii dhigtay, Qasadkeedu waa Sucuudiga, laakiin Alle waxa uusan kuu qaddarin kuuma ahaanaysee, ducadiina waa la halmaansiiyey, si kasta inta yeesheyna, Sueuudigii cagta waa saari weyday. Markii ay xudduuda gaartaba dib ayaa Yaman loogu soo celiyaa. Si kasta markii ay inta sameysey jaan iyo cirib dhigi weyday Sucuudiga, ayev dani ku kalliftay, in ay Yamanteeda iska joogto, oo ay adeegto ka noqoto guryaha Yamaniyiinta.

Adeegto-nimada Yaman, lagama helo lacag badan oo lagu caawin karo dadka Soomaaliya jooga sida midda Sucuudiga oo kale. Sidaas darteed, waxaa ay noqotay, waxaa ay ka hesho adeegto-nimada in ay nolosheeda asaasiga ah ku maareyso. Inta badan nolosha Waalidkeed iyo kan wiilkeeda wax badan kama war-qabto, iyaguna kaina war hayaan xaalka Raxmo, oo danta ayaa taas keentay iyo daruufaha adag ee qolo walba meesha ay joogto ku haysata. Adduun iyo xaalkiisa dheh!

RAXMO IYO GUURKEEDII LABAAD

Raxmo waxaa ay joogtay Yaman muddo dheer, gaar ahaan magaalada Sanca ee caasimadda waddankaas. Waa gabar u soo dhooftay in ay dadkeeda wax tartee, waxaa ay isku dayday oo wakhti badan gelisay, in ay dhan uun u dhaafto waddankaan aan waxba laga kororsan karin, laakiin waayaha iyo wakhtigu uma saamixin, waxaa ayna dantu ku dabartay in ay iska dhex joogto Yaman.

Haddii ay Raxmo dhaafi weyday Yaman, oo ay joogtay muddo 15 sano ah, intaasna ay ku nooleyd wel-wel iyo wehel la’aan, waxaa u soo baxday, in haddii adduunkii sida ay rabtay ay ka heli weyday, ay markaan iska guursato, ayna raadiso nin ay nolosheeda inta ka hartay la qeybsato. Inkasta oo ay guurkii Dhimbil ka qoomameyso, misena waxaa ay aamintay, in rag wax walbaale yahay. Waxaa ay maanka iska leedahay “Bal nasiibkaaga mar kale tijaabi, nolashaan kelida ahna isaga bax”.

Marka ay guurkaas soo hadal qaadda-ba, oo ay is tiraahdo yaad guursataa, ayaa waxaa ku soo dhacda Aamina iyo qoyskeedii, oo haddii ay qoys ka mid noqon lahayd uu ahaa key ugu jaelaan lahayd. Mar ayeyba damacdaa in ay inta wacdo Aamino ay ku tiraahdo “Hooyo wiil ciddaada ah ii raadi”, laakiin ma iyadaa taqaan lambar laga helo, tabarna u haysa raadinteeda. Haddii xitaa ay raadin lahayd, maba ogaba in ay Aamino ka guurtay Boosaaso oo ay Garoowe degtay. “Allow yaa qof ay Aamino ehel yihiin calaf kuugu dara, Allow yaa adiga oo saan dhaama Aamino ku soo hor-istaajiya,” ayey marar badan ku duceysataa.

Sidii ay calaf sugto u ahayd ayaa waxa ay is-barteen nin isna meesha ku daaley, oo Yaman isna dhanna u dhaafi waayey, oo xitaa bakhtiya-nasiibkii (Loterry) Mareykanka marar badan ku hungoobey. Waxaa uu ahaa doob weynaadey, oo la yiraahdo Nuur Sheywaal, waxa uuna Yaman joogey ilaa 18sano, oo uu markii dambe ka ahaa macallin tuulooyinka Yaman mid ka mid ah.

Muddo dheer oo haasaawe dhex marayey kaddib, waxaa ay isla garteen in ay is-guursadaan, oo ay nolosha – inta ka dhimman – wadaagaan, waana is-guursadeen. Raxmo, iyada Faarax ayaa u jooga, laakiin Nuur Sheywaal waa markii ugu horreysey ee uu xaas yeesho. Waxaa Nuur guurka ka daahiyey, waxaa uu jeclaa marka uu lacag helo in uu guursado, laakiin waxaa uu is-arkay isaga oo aan iacagna helin, timihiina cirroobeen. Waa ay is-guursadeen, nasiibkoodana, waxaa ay isku dhaleen afar carruur ah oo isku-nuug ah, ilaa iyo haatanna, waxaa ay ku nool yihiin nolol fudud oo u dhadhameysa.

Marar badan ayaa Raxmo waxaa ay dareentaa, in ay si un isugu eg yihiin Nuur iyo Dhimbil, haddana waxa ay aragtaa in aysan isku ina-ayo ahayn. Marar badan oo ay damacdey in ay weydiiso, in ay isku eg yihiin ninkeedii hore-na, waxa ay ka cabsatay in uu cuqdad ka qaado, oo waxaa ay horay u maqashey, in aan ninka ku qaba looga sheekeyn guurkaagii hore iyo ninkaagii hore toona, sidaasna isaga aamustaa.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Nuur isagu weydiiyey guurkeedii hore, maadaama in ay guur soo martay ay u sheegtay, isna u sheegay in uusan weligiis guursan. Xoogc ayey aamustay, xasuus dheer iyo rafaadkii guurkeedii hor ayey dib-u-milicsatay. Cabbaar haddii ay fekereysey, aye wax ay u sheegto garan weyday, waxaa ayna hadal oo dhs ugu soo koobtay “Walaal, kaasi luggooyo ayuu ahaaye, isoo xasuusin”. Inta fiiriyey, oo arkay maankeeda oo taga iyo indhaheeda oo iimo soo buux-dhaafisay, ayuu inta naxey hadalkii dhan kale u qaadey, oo mowduuc kale galey.

Raxmo, horay bay waaya-arag u noqotay, Nuur-na ni wanaagsan buu ahaaye, waxaa uu barey abtirkiisa o* dhammaystiran, qoladiisa iyo deegaanka uu ka soo jeedoi Waxaa uu sidaa oo kale uu kala barey walaalihiisa ay isku aabbaha yihiin magacyadooda iyo meelaha ay ku kala nool yihiin.

Isla sidaas oo kale, ayaa waxa uu u sheegay in ay jiraa walaalo aysan isku aabbe ahayn, laakiin hooyadiis dhashay. Waxa uuna si fiican ugu faah-faahiyey walaalahaas, isaga lahaa “Nin waxaa la dhahaa Samatar Axrned oo halkaas iyo qaxootiyada Keenya  ayuu jiraa, islaan waxaa la dhahaa Safiy Axmed oo Xamar ayey deggan tahay, islaan kalena waxaa la yiraahdaa Aamino Axmed oo hadda Garoowe ayey deggan tahay.”

Magaca Aamina marka ay maqashey waa faraxdey, oo Aaminadii degganeyd Boosaaso ayey u malaysey, laal Garoowaha dambaa farxaddii ku celiyey.

Raxmo, mar mar ayey is-tiraahdaa “Allow maxaad Nuur iigu soo hormarin weyday?”, waxaa ayna la dhacsan tahay, sida uu u jecel yahay, sida uu u daryeelo, sida uu u xanaaneeyo, dun-waanaaggiisa iyo sida uu waalidkeed u ciseeyo oo uu ula hadlo mar walba. Waa gob nasab ah oo ilaahey baray hab-dhaqanka qoyska. Jacaylka, naxariista, dabacsanaanta, dul-qaadka, wanaagga, deeqda iyo xoog-furraanta qof ku dhan weligeed Raxmo ma aysan arag. Mar mar ayeyba Aamino ku soo dhacdaa, marka ay aragto hab-dhaqanka Nuur. Waxaa ay Raxmo u baxsatay Nuur magaca “CIIL-TIRE’, oo ay ula jeedday, in uu hilmaansiiyey tiiraayooyinkii iyo utumihii uu ku reebey guurkeedii hore. Hadda niyadda ayaa u dhisantay, waxaa ayna ku nooshahay nolol dhadhan leh oo aysan weligeed hore u soo marin, waxaana gadaal u soo laabtay dheeheedii iyo dhuuxeedii.

Dhanka kale, Raxmo waxaa ay aad uga fekertaa aragtida wiilkeedii Faarax ee ay ku curatay, misena aysan il ka qaadin muddo 20 sano ah. Waxaa ay ka fekertaa noloshiisa iyo mustaqbalkiisa, maadaama uu ku nool yahay waddan burburey, lana nool yahay awoowe iyo ayeeyo aan waxba haysan, iyaduna aysan u hayn wax-tar iyo wax-dheef ay aayihiisa ku tabantaabiso. Mar kasta oo ay xasuusato wiilkeeda, oo ay aragto in aysan wax kale u qaban karin, ayey u duceysaa in Alle dhibka ka ilaaliyo, kaalmeeyo, Muslimkana aabbe iyo hooyo uga dhigo.

QAYBTA SADDEXAAD

FAARAX IYO NOLOSHIISII

Faarax, labadiisa waalid – Dhimbil iyo Raxmo – waxaa ay kala tageen isaga oo bilo yar jira. Ma helin kool-koolin iyo daryeel waalid, marka laga reebo hooyadiis oo uu la noolaa saddex sano, oo ay markii dambe ku wareejisay awowgiis Qaasim iyo ayeeydiis Nuurto. Hooyadiis waxaa ay waalidkeed ugu wareejisey, kaddib markii ay isku keeni weyday, in ay xannaaneyso iyo in ay caanihiisa raadiso, maadaama ay aabbihiis kala tageen isaga oo aan naaska ka gurin, wax taageero ahna aysan ka helin sidii ay u dhashay.

Faarax, markii uu wax kala gartay ilaa haatan isaga ayaa is dabbarayey, sababta oo ah, waxa uu la noolaa awowgiis iyo ayeeydiis, oo aan waxba haysan. Markiisii hore, nolosha waxaa uu ka bilaabay Baalashle, waxaa uu se goor dambe isku beddeley ganacsade yar, oo gaari gacan ku wareejiya khudaarta. Waxaa uu xiili dambe uga sii gudbay oo uu yeeshey sandaqad bagaashka iyo raacmacaannada lagu iibiyo, oo saarnayd laamiga, meel u dhaw is-goyska Carwo IDKO ee degmada Howl-Wadaag.

Intii uu noloshiisii asaasiga ahayd maareynayey, waxaa uu mar walba la kulmayey dhibaatooyin badan, oo ay ugu darnaayeen kuwii dagaalladii sokeeye ee nooc walbaalaha ahaa ee magaalada Xamar ka aJoosnaa. Waxaa uu marar badan ku waayey ganacsigiisa, oo dhawr jeer ayaa mooryaani ka dhacday miis weyn oo u cammirnaa, isagana ay jir dileen. Marar badanna baad ayuu bixln jirey, oo siin jirey mooryaanta bar-go’a ah, ee ay ka soo qabato. Mar weerar kulul oo ka dhacay bar fa uu ganacsiga ku leeyahay ayaa ka gubay sandaqadiisii. Marar badan oo uu ganacsigiisu hana qaadi lahaaba, waxaa curyaamiyey dagaallada iyo amni- darrada magaalada ka jirtay.

Waxa ugu darneyd, maalin isaga oo sandaqaddiisii iska gadanaya ayaa aga-gaarkiisii laba malleeshiyaad, oo laba qabiil ah isku fara saareen. Waxaa uu ku waabariistay xabbado sandaqaddiisii ka dhex-dusaya iyo maalleeshiyaad; kuwana ay ka soo horjeedaan, kuwana ay ka gadaaleeyaan, oo uu dhexda ku jiro. Kama bixi karo sandaqadda, oo hadda ayey xabbaddu ka ag biif leedahay, oo haddii uu madaxa kor u qaado, waa og yahay in uusan geed dambe goyneyn. Albaabkii inta hoos ka xirtay, oo beerka dhulka saarey ayuu “Allow i bixi” hoos ka gurey. Caku talo-xumo, muxuu albaabka hoos uga xirtay, qolo ayaaba gabbaad inta ka dhigtay sandaqaddii, kuwii kale ka shiishaya, markaasaa sandaqaddii yool soo fuuley. Si gabbaadka kuwa kale looga saaro, iyadiibaa shabaq laga dhigay, markaasey olol bilowday.

Faarax oo dhulka dhabanka ku haya ayaa arkay sanqaddii oo olol la bul-bulle. Soo naftaydey i bixi ma ahan! Hal mar ayaa waxaa wada kulmey, isaga oo albaabkii fag iska siiyey iyo qoladii kale, oo kuwii inta gabbaadkii ka saartay meeshii soo istaagtay. Hal mar ayey qoryihii ku qabteen, iyaga oo u maleynayey in ay kooxdaas is-lahaayeen. Inta gacmaha ka xirteen ayey kaxeysteen. Markii ay saldhigoodii geeyeen, ayey ka doodeen in ay dilaan iyo in kale. Faarax, markii uu arkay kuwa u fara baxsanaya ayuu ku qeyliyey in uusan malleeshiyaadkaas ku heyb ahayn. Kii ugu caqli roonaa ayaa yiri, “War inta aannaan dilin, horta aan wareysanno, oo aan kala ogaanno in uu is-qarinayo iyo in uu qabiil kale yahay.”

Wareysi baa loogu dhaqaaqey. “Yaa tahay?” ayaana looga bilaabay. “Walaalayaalow, waxaan ahay reer Ceeri-gaabo” ayuu ku yiri. Weligood-ba Ceeri-gaabo ma maqale, waxaa ay u qaateen in uu qabiil yahay. “Yuu galaa Ceeri-gaabo?” ayey weydiiyeen. “Walaalayaal, Ceeri-gaabo qabiil ma ahane waa deegaan,” ayuu ugu jawaabey. Midbaa inta qori baadkiisa gafuurka kaga dhuftay ayuu ku yiri “Annagu ma deegaan baan ku weydiiney qabiilkaagaan ku weydiinnee, sheeg waryaa, yaad u dhalatay?”. Inta afka mud-muudiyey oo dhiig iska tufey, ayuu ku yiri “Anigu qabiilkeyga ma aqaan, aabbahay ayaa halkaas ka soo jeeda, laakiin nin awowgey ah oo hooyadey dhalay, oo aan la joogo ayaan u malaynayaa in uu yaqaannee, ina keena aan soo weydiinne e”. “War doofaarka doofaarku dhalay, inoo xir-xira, annaga ayaa ogaan doonna cidda uu vehee” ayuu yiri midi, iyaga oo u wada qaatay in uu malleeshiyaadkii kale ku heyb yahay laakiin is-qarinayo. Sidiibaa gurigii loogu xirtay.

Qof malleeshiyaad u gacan-galey, ma vvaxaad u maiaynaysaa in uu Khayr la kulmayo, sublxiina waa ka foofaan, habeenkiina iyaga oo cabsan ayey u yimaadaan. Cunto uma keenaan, kaadi kama qaadaan, xariggana kama furaan, marka ay yimaadaanna haraati ayey ku salaamaan, waxaa ayna dhahaan “Waryaa Ceeri-gaabo, qabiilkaagii ma soo xasuusatay raise weli xariggaad u sii xiiso qabtaa?”

Isaga oo laba beri meeshii ku xiran, ayaa waxaa yimid mid malleeshiyaadkaan ka mid ahaa, oo waayadan oo dhan maqnaa, laakiin xoogaa dhaamey. Il-miriglahaan yar ayuu

arkay, markaas ayuu inta yaabey weydiiyey jirridii kale “Muxuu yahay wiilkaan yar ee xarigga lagu silciyey?”. Mid ayaa u sharraxey sida ay ku qabteen iyo sababta ay u xireen. “Wasakh wasakh dhashaad tihiin, halkeed ka keenteen in aad dadka silic-dishaan. Dadka ama si sharaf leh baa loo dilaa ama si sharaf leh baa loo daayaa” ayuu si canaan ah ku yiri. Wiilkii ayuu si fiican u eegay, mise waa saqiir il-mirig leh oo aqay, oo dhar la’, oo xargihii jirkiisii dhex-galeen, oo afka iyo jirkuba dhiig ka gobo’ leeyahay. Inta ninkii uu qalbigiisii si kale noqday ayuu Faarax – malleeshiyaadkii oo indhahoodii shan yihiin – xargihii ka jarey. Intaas ugama herine, biyo iyo baad inta u raadshey, ayuu ku qulaamiyey, markaasuu derin inta u dhigay jiifiyey.

Saacado kaddib ayuu inta Faarax toosiyey weydiiyey halkii uu degganaa. Marka uu sheegay ayuu inta kaxeeyey u geeyey dadkiisii, oo sidii ay u murugsanaayeen, oo ay u raadinayeen Faarax, har iyo hoyaad ka tagay. Ehladii iyo Faarax qudhiisii ayaa ninkii si wanaagsan ugu mahad-celiyey asxaanka u soo sameeyey Faarax. Jiifuma yaallee, laba beri kaddibba, Faarax ganacsigiisii ayuu dib ugu laabtay, waxa uuna dib u abaabushey sanadaqaddiisii oo bas-beeshey.

Faarax, waxa kale oo dhib ku hayey cuqdad weyn oo uu ka qabey dhalashadiisa, maadaama uusan aabbihi weligiis arkin, war-iyo-wacaai toonana uusan ka hayn. Waxaa uu inta badan ka warsadaa awoowgiis, isna macluumaad badan kama siiyo, waxa uuna u qaatay in wax loo qarinayo, taas oo shaki kaga abuurtay nasabaddiisa. Dhallinyarada ay isku xaafadda yihiin, waxaa ay mar walba ku xantaan in uu yahay aabbe-laawe, maadaama ay qaarkood horay u maqleen xanta hooyadiis, inta uusan dhalan ka hor.

Mooryaanta baadda, waxaa ay u badan yihiin xaafadda, waxaa ayna og yihiin in uusan lahayn dad yac ka dhaha, uusanna lahayn ehel aan ka ahayn Qaasin iyo Nuurto oo macooyada dhanka hooyadiis ah iyo abtigi Saalax oo isagu curyaan ah, iyaguna tabar ay dad uga celiyaan ma hayaan.

Laakiin misena waxaasi waxba uma dhimaan, oo waxaa uu muujiyaa karti iyo dadaal, waxa uuna u shaqeystaa si xad- dhaaf ah, isaga oo si basaraysanna iskaga bixiya laaluushka daydayda iyo jirrida, si ganacsigiisa iyo noloshiisuba u sii jiraan.

Faarax ganacsigiisii kor buu u kacey, waxa uuna gaarey in uu u baahdo qof kala shaqeeyaa maadaama iibkiisu badan yahay, waxa uuna samaystay gacan-yare kala shaqeeya dukaan-yaraha, oo marka uu soo adeegayo, marka uu howlo yeesho iyo marka uu daalo ka nasiya.

Faarax, maalintii uu ganacsigaan ka soo bilaabayey baalashlaha ilaa iyo hadda, waa loox-jiidanayey, waxa uuna bartay Quraanka Kariimka ah, isaga oo ku xirnaa masaajidyo kala duwan oo uu kutubta ka raacan jirey. Diinta wax badan ayaa uga kordhey, oo waxa uuba gaarey in uu mararka qaar wacdiyo, oo uu dadka kala hadlo Cibaadada, Towbadda, iyo Taqwada. Waxaa uu ahaa nin waxbarasho jecele, maadaama uu hadda ganacsigii kobcey, asuu helay gacan-yare aammin ah, waxaa uu jecleystay in uu Iskool galo, oo uu wax ka kororsado afafka Carabiga, Ingiriiska iyo maaddiga kaleba.

Waxaa uu bilaabay in uu dadka weydiiyo dugsiyada ugu wanaagsan, waxaana loo tilmaamay dugsigii Bukhaari ee ku yiilley Nawaaxiga Laba-Dhagax, (ndha-indhayn iyo ka baaraan-dag kaddib, waxaa uu go’aansadey in uu dugsigaas iska soo diiwaan-geliyo, kana barto luuqadaha Carabiga, Ingiriiska, Xisaabta iyo Sayniska-ba.

Faarax oo ahaa nin aad u fahmo badan, waxaa uu isku mashquulin jirey sidii uu waxbarashada uga soo dhalaali lahaa, sababta oo ah, waxaa uu lahaa hammi ah, in uu aqoonta heer sare ka gaaro. Sidiisa-ba, waxaa uu ahaa wiil fahamka ku darsaday fir-fircooni iyo asluub-wanaag, waxa uuna mar kasta keenaa imtixaanka dhibcaha iyo darajada ugu sarreysa. W’axaa ayna taasi keentay, in uu noqdo wiil dugsiga laga jecel yahay oo qaddarin weyn ku ag leh ardeyda iyo macallimiinta-ba. Sidaas awgeed, fasal kasta oo uu ; dhiganayo waxaa laga dhigaa Kabiir.

Inta uu dugsigaan dhiganayey, waxa ay si gaar ah isku barteen gabar ay wax isla baran jireen, oo la yiraahdo Samsam, oo ahayd gabar aan la quuri karin oo, sharaf iyo wanaag oo dhan Eebbe isugu daray. Waxaa ay ahayd qalanjo qoor ah, oo il-qabad xooggan leh. Indhaha balaca ah, sunniyaha qoran, sanka dheer ee qarooran, dhabannada shuban, bishamaha guduudan, timaha dheer ee jilicsan oo xabbad weynta ah, dhexda madagta ah, gacmaha jalaqsan iyo xubnaheeda toosan aan sinnaba looga jeensan karin. Waxaa ay ku dhalatay Magaalada Xamar, gaar ahaan xaafadda Geed- Jacayl, oo ay well deggan tahay.

Samsam waxaa ay la nooshahay hooyadeed Xamdi oo keligeed ay u dhashay aabbeheed oo ay kala tageen, haatan se uu qabo nin kale oo la yiraahdo Maxamed Cali, oo ah nin Samsam korriinkeeda si fiican uga qeyb-qaatay. Aabbeheed il kama aysan qaadin weligeed, base yeeshee waxaa ayba ka jeceshahay Maxamed Cali oo soo koriyey. Kamana taqaan aabbeheed waxaan magaciisa oo ay ku maqashay “Axmed Samatar” ka ahayn. Xitaa intaas ma dhaafsiin karto, sababta oo ah, hooyadeed ayaaba intaas ka taqaannay, mana wada garanayaan eheladiisa, taas oo Samsam dhib iyo walaac badan ku abuurtay, iyada oo weliba loo sheegay – haddii ay xitaa raadin lahayd – in uu ku geeriyooday dagaalladii sokeeye 1991kii. Markii ay dadku weydiiyaan aabbeheed, waxaa ay sheegataa Maxamed Cali, oo ay ku abtirsataa.

XIRIIRKII FAARAX IYO SAMSAM

Samsam oo in muddo ahba il-qooraad ku haysay Faarax, iyada oo la dhacsanayd quruxdiisa, qaab-dhaqankiisa, wanaagiisa iyo ku fiicnaanta waxbarashadiisa, ayaa si gaar ah u jeclayd in ay wakhti badan la qaadato. Waxaa ay ka codsan jirtay in uu casharrada ugu ceiceliyo dugsiga dhexdiisa, marka ay ardayda kala tagto. Mararka qaar-na, waxaa ay ku ballansan jirtay gurigeeda, si uu casharrada ula diyaariyo. Marka uu guriga ugu tago, waxaa ay u samayn jirtay soo dhaweyn wanaagsan oo ka duwan tan uu ardayda kale ka helo.

Iyada wax baa qub yiri, boohintu orgiga ka weynl Illeen Samsam waxaa dan u ah la joogga Faarax, casharka uu isku dhibayo ka dhaadhicintiisana dan iyo heello midna kama lahan. Inta uu casharka akhrinayo, isaga ayey ku maqan tahay oo maba eegayso buugga inta badan, marka uu soo eego ee uu dhaho “Ma fahantay?” wax buugga fiirinaya ayey inta iska dhigto tiraahdaa “Haah abboowe si fiican.”

Faarax, isaga waxaa ay ka tahay, gabadhaan miskiinta ah ee Soomaaliyeed caawi ee isagu dan iyo heello kama lahan. Waxaa uu marar badan ka codsaday wiilal kale iyo gabdho kale in ay gabadhaan caawiyaan, maadaama uu shaqeysto oo uusan mar kasta firaaq u heli karin, laakiin Samsam qof aan isaga ahayn ma oggola, taas oo runtii marar badan uu la yaabay, laakiin waxaa uu u qaatay in wakhtiga uu siiyo aysan ardayda kale u hureyn, oo sidaas ay isaga u doonayso. Wuu isaga dul-qaataa, wakhti badanna waa siiyaa maalin kasta, isaga oo xilliyada firaaqa uu yahayna xaafaddeeda ugu taga.

Waxaa mararka qaar ka yaabiya, marka uu ugu tago guriga, si uu u soo caawiyo, ayaa waxa uu arkaa Samsam oo si wanaagsan u soo labbisata oo dhar qurxoon oo khafiifa xirata iyo iyada oo isku mashquulisa marti-qaad heer sare ah, oo nin loo xil-qabo loo diyaariyo iyo ashqaal soo dhaweyn ah oo aan caadi ahayn oo uu ka dareemo Xaafadda oo dhan.

Samsam waxaa ay qabtaa dar-daaranka hooyadeed, oo Faarax waxaa ay bartay hooyadeed iyo walaalaheeda oo dhan. Mar kasta oo uu guriga yimaado, hooyo Xamdi si gaar ah ayey u soo dhaweysaa, waxaa ayna tusisaa qaab ka duwan midka uu kala kulmo hooyooyinka asxaabta kale ee uul guryahooda tago. Waxaa ay Xamdi mararka qaar la yaabtaaj sida uu wiilkaani ugu eg yahay ninkeedii hore ee ahaa j Samsam aabbeheed, waxaa ayna mar – inta shakisay -I weydiisay aabbihi magaciisa, markaas buu ugu sheegay, Dhimbil Jaamac, taas oo shakigii ka saartay, laakin haddana waxaa ay aad da yaabban tahay sida uu ugu eg yahay, oo aad mooddo in laga soo jeexay.

Casharkii la iskuba soo dhaaf oo, Samsam waxaa ayba baratay dukaan-yaraha uu ku ganacsado Faarax. Mar kasta oo adeeg yar suuqa looga diro, waxaa ay aaddaa macdaarkii yaraa ee Faarax. Maxaad jacayl ka taqaanaal Xitaa marka ay nacnac soo gadanayso, waxaa ay u lugeysaa sandaqaddaas, iyada oo masaafo dheer sii goysa, min Geed-jacayl ilaa Carwo Idko.

Muddo sannad ku dhaw, oo uu Faarax ka caawinayey Samsam waxbarasho aysan kal-iyo-laab u haynin, ayaa ugu dambeyntii isu baddeshey dhan kale. Muddadaas dheer ee ay wax wada baranayeen, ayna is caawinayeen ayaa waxaa dhan socday kal-gacayl horay u jibaaxay Samsam, isna ay u sheegi weyday, laakiin si un isna ay u galisay. Iyada oo aan u bandhigin Jacaylkii ay u qaadday Faarax, ayaa laftiisa marar badan wax iska weydiiyey Samsam. Waxaa uu ka fekerayey quruxda gabadhan yar, qiimaha ay leedahay iyo fiicnaanta waalidkeed iyo walaaleheed. Waxaa uu la dhacay soo dhaweynteeda iyo qaddarinta ay u hayso iyo weliba sida ay isugu taxalujinayso wanaajintiisa. Waxaa ku soo dhaca dharkii khafiifka ahaa ee ay xiran jirtay oo macdanteeda qaar § ay ishu uga dhici jirtay, waxaana aad maankiisa uga guuxa, qaab-dhismeedka quruxeed ee uu Eebbe siiyey Samsam.

Xilliyadii hore aad ayuu u dhibsan jirey wakhtiga badan ee uu ku bixin jirey oo, qalbigeeda ayuu dhawri jirey oo keliya markii uu casharrada ugu celinayo, laakiin maalmahaan dambe waa saaqmay, waxa uuna jeclaaday in uusan moogaan, isaga oo bilaabay in uu mar walba ka war-hayo, la joogo ama uu waco.

Samsam maalmahaan farxad ayey la joogi la’dahay, waxaa ayna dareentay in ay Faarax wax iska beddeleen waayadan. Haddii ay iyadu mar walba dalban jirtay kulan, maanta isna geestiisa ayuu kulanka ka dalbanayaa. Meelihii cashar isugu celinta lagu mashquuli jirey, hadda waxaa uu xilliga ugu badan ku baxaa sheeko Jacayl oo midba markiisa soo tuurayo, waxa uuna midba midka kale ka af-gobaadsadaa in uu la hormaro “Waan ku jeclahay”.

Faarax, dhib hore oo uu shukaansi gabar kale kala kulmey, hadda ma dareemo, oo erayo soo jiidasho leh oo uu dhaho ma waayo, hadaikuna kuma xirmo, aad ayuuna ula yaabaa sida ay isaga iyo Samsam isugu baxayso.

Samsam ka hor, gabar uu isagu ka helay, oo uu kor ka bartay ayuu damcay in uu shukaansado. Is araggii koowaad oo meel dariiq ah oo ay ku kulmeen ka dhacay, waxaa ay ku ballimisay goor barqo ah, gurigeeda oo buuq yaraa, oo ay iyada iyo hooyadeed oo suuq-Iey ah ku noolaayeen. Sidii ay ballantu ahayd, waxaa uu ugu tagay guri cidla ah oo ay gabadhaasi keligeed joogtay. Qolkii fadhiga ayey wada fariisteen. Markii ay isa salaameen ayuu wax uu u sheego aqoon waayey iyo meel uu hadalka uga bilaabo. Gabadhii waa ka soo horjeeddaa, oo sheekey ka sugeysaa, isna waa aamusan yahay oo wax uu sheeguu garan ia’yahay. “Talow, sheeko xariir ma uga sheekeysaa, oo sheekooyinkii dhurwaa iyo dawaco dabada ma u qabtaa!” ayuu mar is yiri, laakiin haddana ceeb ayey la noqotaa arrintaas. Isaga oo weli isla hadlaya, ayaa gabadhii inta la hadashay ku tiri “abboowe maad hadashid”. Ma aamus baa u yaal hadda! Waa fekerey, markaas ayuu wax uu sheego inta garan waayey – wadaad buu ahaaye- wacdi Alle kacabsi ah u jeediyey. Markii uu wacdigii dhammeeyey ayey tiri “Shiikh khayr Allaha ku siiyo”, waana la kala tagay.

Markii uu ka baxay ayuu xanaaq cunihii is gooyey. “Maxaa gabadha maanta aad fursaddii la ogaa ku heshay wacdig ugu jeedisay? Maxaad sidaas iyo sidaas aad u dhihi weyday- Maxaad erayo jacayl ugu sheegi weyday? Maxaad uga sheekeyn weyday sheekooyin hallaasi ah oo caashaq? Maxaa kugu dhacay” ay uu isku haaraamay. “Saaxiib sidaas ha ku harm, ee waa guri-joog oo meel kale aadi maysee berri ku garaac guriga, oo gabadha meel saar” ayuu inta iskula sheekeystay, go’aan ku gaaray in uu berri xaafaddii ugu tago.

Isla maalintii xigtay ayuu mar labaad gurigii ugu tagay, oo inta gurigii ku garaacay, oo laga furay la fariisiyey halkiisii, lagana soo hor-jeestay. “Balo tani ma Libaax baa! Maxaa hadalka kugu dhejiya marka aad aragto” ayuu inta hoos iska yiri, sidii oo kale u barriiqdey, mar kale. Waddadiisii ayuu misena maray, oo waxaa uu jeediyey wacdi. Laakiin waxaa uu ku fiicnaa, mawduucii hore waa ka leexdey, oo mid kale ay uu u saaray, si uu wacdigu laftirkiisu xiiso u yeesho. Waxaa uu u jeediyey wacdi quseeya cibaadada. Markii uu dhammeeyey ayey tiri “Shiikh, Wallaahi Shiikh fiican ayaad tahay. Weligay ma arag shiikh kaa mutadawacsan oo xitaa inta guryaha taga, dadka khayrka iyo wanaagga u sheegaya. Shiikhow waxa aan kaa codsanayaa in aad berrina timaaddo, si aan khayrkaan uga faa’iideysanno.” “Waa yahay” inta yiri, ayuu isaga oo aan qanacsaneyn iska tagay.

Markii uu soo baxay ayuu habaar is-kala daalay. Waxaa uu qaatay buug iyo qalin, waxa uuna qorey sidii uu uga faa’iideysan lahaa jaaniska berri ah, ee ay gabadhu ugu yaboohday, oo uu danta uu leeyahay ugu sheegto. Maanta talada iskuma keli yeeline, akhyaar kale oo ay isku dhawaayeen ayuu la tashadey, markaasaa si fiican looga dherjiyey qaabka iyo sida uu ugu sheekeyn lahaa iyo waxaa uu kala hadli lahaa gabadha uu rabo in uu xod-xoto.

Markaan waa dhaarsan yahay waana diyaarsan yahay, waxa uuna soo sameeyey naqtiin badan, isaga oo muraayado inta soo hor~istaagey isa soo tijaabiyey. Isaga oo saan-qaabinaya, inta uu socdayna isla soo sheekeysanayey ayuu gurigii inta yimid soo garaacey albaabkii. Inta gabadhii ka furtay ayey qolkiisii fadhiga soo gelisey, mise waxaa fadhida 20 gabdhood oo ay u yeertay si ay wacdiga shiikha ula dhageystaan. Inta fariisisey, oo cabbitaan ay u diyaarisey u keentay ayey tiri “Shiikh noo bilow wacdiga”. Muxuu sameeyaa! Waxaa uu ilaa shalay oo dhan soo diyaariney oo xalay oo dhan xafidayey meeshaan kama soconayaane. Waa la xumaatay in uu wax kale sameeyee, meeshii ayuu wacdigii ka jeediyey, waxa uuna jeediyey wacdi laga raaqsuudey, isaga oo ka hadlay raowduuc isagaba ku cusbaa oo ku saabsanaa qaabka uu islaamku u jideeyey hannaanka shukaansiga iyo faa’iidada uu guurku leeyahay.

Inkasta oo uusan saddexdii maalmoodba khasaarin, oo uu ajar gurubsanayey, haddana waxaa uu aamisanaa in uu fashilmey. Maalintaas ayaa gabadhaas ugu dambeysey, dib dambena gabar uma shukaansan aan ka ahayn Samsamtaan ay hadda isugu baxday.

Faarax iyo Samsam kulamadoodii waa iska socdeen, waxaana joog hoose ku socday jacayi midba gaarkiisa ugu sii faafayey, laakiin afka laga dhihi la’yahay. Markii in muddo ah la wada socday, ayaa maalin maalmaha ka mid ah iyaga oo ay u socotay sheeko hallaasi ah, waxaa ka soo yeertay afka Samsam “Abboowe Faarax waan ku jeclahay”. Inta ay isku yax-yaxday ayey mar labaad tiri “Waan ka helaa la jooggaaga, ayaan abboowe ka waday”. Faarax oo jamasho darteed is-hayn waayey, hadalka ka soo baxay Samsam awgiis ayaa si hal-haleel ah ugu jawaabey erayadan:

Samsameey ayaamahan Wax unbaa I saaqoo Dhiiggeyga siqayee Garan waayey saan ahay Sambabadiyo laabtiyo Sirwareegga dhiiggiyo Saableyda idilbaa

Sidaan rabey ahaynoo Si kale u howl-gala Markii aan su’aashiyo Is-weydiiyey sababtaas Si aan kuugu sheegaan Ka sarriiganaayee Sifadii Jacaylkuu Suuradiisa ila yahay

Samsam oo la dhacday crayada kal-gacalka leh ee ka soo burqanaya Faarax, oo uu ku muujinayo dareen-jacaylkiisa ayaa iyaduna la soo boodday erayadan, oo ay Faarax ugu sheegayso in iyada sannad ka hor waxaa uu hadda ka hadlayo ay galeen. Waxaa ayna tiri:

Aniguba sarbeebtaan Samanadanba kugu wadey Waxay ahayd su’aal furan Sannadkii na dhaafaan Saaqaas aan dareemee Soo dhawoow sidkeygow

Markii uu si cad midba mid kale ugu muujiyey dareenkiisa jacayl, ayey inta isku soo boodeen labadoodii midba kan kale shummis ku boobay, Halkaas ayaa waxaa uga bilowday Jacayl markaan la isla og yahay, oo qof ba qof ka kale uu ku tashado.

Qoysaska Samsam iyo Faaraxna waxaa ay dareemeen wada- socodka carruurtooda, waxaa ayna la wada dhacsan yihiin xiriirkooda, farxadda ay isku qabaan iyo dareen-jacayl- wadaaggooda. Setimaanba xaafad ayey casuumaad ku leeyihiin, waxaa ayna labada reerba isku og yihiin Faarax iyo Samsam, iyaga oo u rajeeya guul iyo aayatiin fiican, waxaa ayna kula taliyaan in ay noqdaan lammaane isku yool noqda, marka ay waxbarashada dhammaystaarma, samaystaan qorshe mustaqbaleed.

Faarax iyo Samsam, markii ay dhammaysteen waxbarashadii ay ka wadeen dugsigii Bukhaari ayaa waxaa ay go’aansadeen in ay dugsi sare iska soo diiwaan-geliyaan. Nasiib-darro, markaan isku dugsi ma dooran, ee mid walba kuu is lahaa waad ka bixi kartaa ayuu aaday. Faarax waxaa uu aaday dugsiga Al-mathal oo markaas maadooyinka af-Ingiriis lagu qaadanayey, haika ay Samsamna aaday dugsiga Imaamu- Shaafici, oo markaas isna maadooyinka lagu baranayey af- Carabi oo ay Samsam ku fiicnayd. In kasta oo laba dugsi la kala aaday, haddana dhanka maadooyinka aan la iska wada caawin karin, laakiin jacaylkii Samsam iyo Faarax waa uu sii laba lixaad-saday, waxa uuna cagta saarey waddadii caddayd.

Faarax waa nin mar walba ku wanaagsan dhanka waxbarashada, misena dabeecad miisaaman leh, markii uu galay dugsiga Al-mathal, waxaa fasalkiisii loogu doortay kaabbe-galaas. Waxaa uu markaan qaadanayaa maadooyin fara badan, ardayduna waxaa ay isugu xir-xiran yihiin koox- koox, si ay u kala faa’iideystaan, oo midba maaddada uu ku fiican yahay uu ardada kale uga faa’iideeyo.

Faarax iyo qoyskiisii oo u soo guurey xaafadda Taleex ayaa waxaa ay is-barteen laba gabdhood oo ay isku fasal ahaayeen, oo la kala yiraahdo Sowda iyo Nasiib, oo kala degganaa xaafadaha Lambar Afar iyo Buulo-Xuubey. Labadan gabdhood ayaa waxaa ay ahaayeen laba gabdhood oo waxbarashada ku wanaagsan, waxaa ayna ista garteen Faarax, in ay casharrada wada nakhtiintaan, maadaama deegaan ahaan isku dhaw yihiin. Faarax waxaa uu bilaabay in uu labadaas gabdhood xiriir waxbarasho oo joogta ah la sameeyo, iyaga oo hadba guri ku ballama. Laakiin inta badan waxaa lagu ballami jirey guriga gabadha Nasiib la yiraahdo ee deggan xaafadda Buulo-Xuubey, maadaama uu gurigaasi ahaa meel firaaqo badan.

Nasiib waa gabar dhuubo-weyd ah, oo aad u qurxoon, oo midab xariir ah leh, dabeecad macaan, kuna fiican dhanka waxbarashada. Waxaa intaas u dheer, in ay tahay qof mas’uuli ah oo reerkooda oo dhan aad looga dambeeyo, misena aad ul aragti dheer. Waxa ay ku dhalatay xaafadda Buulo-Xuubey, ] oo ay haatan deggan tahay, iyada oo ku soo kortay rajo-j nimo, oo hooyadeed iyada oo sannad iyo goo go’ jirta ayeyj dhimatay, aabbeheedna ma xasuusato, oo iyada oo aan ku caqliyeysan ayuu Xamar ka qaxay. Magaciisa oo j dhammaystiran ma taqaan, mana garanayso meel uu jiro/i wax oga warramana ma aysan arag, eheladiisa iyo dadkiisana j waxba kama taqaan. Waxaa ay sheeko ahaan ku maqashaa, in ] uu aabbeheed Keenya jiro, taas oo uu u sheegay nin ay deris ] ahaayeen, oo soo arkay markii uu Xamar ka baxayey, isaga j oo gaari dhakada ka fuushan.

Nasiib waxaa soo korsadey abtigeed Waayeel oo, hooyadeed j markii ay dhimatay nolosheeda dammaanad-qaadey. Abtigeed curruurtiisa waa uu ka jecel yahay, mana cuno] cunto isaga oo aan hubsan in raashin la siiyey Nasiib, oo ay j dharagtay. Inta badan waxa uuba jeclaa in uu la cunteeyo, si uu isagu gacantiisa ugu siiyo badarka. Waxaa uu ka cabsan] jirey in ay Nasiib Rajo-nimo dareento, oo ay cuqdad qaaddo, si aysan taas u dhicinna, gacantiisa ayuu wax ku siin jirey, intii ay yareyd oo dhan. Nasiib-na, aad ayey u jeceshahay abtigeedaas baarriga ah, waxaa kale oo ay aad u jeceshahay dhammaan abtiyaasheed iyo habaryaraheed, oo ay xiriir la] wada leedahay, marka laga reebo habaryarteed Xamiido, oo iyadu u qaxday Keenya, oo haatan Xagardheer ku sugan oo ay j mar-mar dhif ah wacdo.

Waxaa magaca Nasiib loogu bixiyey, hooyadeed oo uurkeeda j leh, oo sagaal bilood ah, ayaa gaari jug xun gaarsiiyey, iyada j oo isla markiiba dhiig baxday, waxaana loo qaatay in ilmaha ay uurkeeda lahayd dilmeen, laakiin nasiib wanaag, waxba ma gaarin, waxaa ayna dhashey maalmo kaddib gabdhaan oo j caafimaad qabta, sidaas ayaana Nasiib loogu bixiyey.

Faarax, haddii uu ka aqoon badnaa Samsam oo uu caawinj jirey, hadda waxaa u soo baxay laba gabdhood oo fahmo badan, oo ay ugu darneyd Nasiib. Maadaama uu isagu inta badan ku mashquulsan yahay ganacsigiisii, waxaa uuna markaan aad ugu baahday labadaan Gabdhood – Nasiib iyo Sowda, maadaama iyagu waxbarashada keliya ku mashquulsan yihiin, isla markaasna aad ugu fiican yihiin. Waxaa ay noqotay, in uu mar walba waco, xiriirkoodana uu joogteeyo, marka uu firaaq helana tago guriga Nasiib ee lagu wada kulmo waxna lagu wada akhristo.

Muddo kaddib, waxaa la guursaday Sowda iyada oo aan dugsigii sare dhammaysan, waxaana soo doonay, oo guursaday will ina adeerkeed ah oo ku nool waddanka Mareykanka. Halkaas ayeyna waxbarashadii uga hartay, kuna noqotay marwo reerkeeda dhaqata. Markii la guursaday ayey maalin marti-qaad u samaysay Faarax iyo Nasiib, waxaa ayna kula dar-daarantay in ay waxbarashada dhammaystaan, maadaama ay fursad haystaan. Waxaa ay kula kaftantay, in ay – maadaama laba qof oo wanaagsan yihiin – xiriirka waxbarashada ma ehee mid kalana sameeyaan, oo ay aayo- vvada-samaysi ka fekeraan. Faarax ayaa inta fiiriyey Nasiib, isaga oo madaxa u ruxaya hadalka Sowda, isla markaasna dhoollacadeynaya ku yiri “Wallaahi Sawdo waa talo fiican”.

Hadda waxaa isku soo harey Faarax iyo Nasiib, oo halgankii waxbarashada halkaas ka sii waday, iyada oo inta badan Nasiib ay ka caawin jirtay Faarax – oo kasho la’aan badan haysatay – dhanka waxbarashada, waxaa ayna ugu soo celin jirtay wixii dhaafa maalmaha uu ka maqan yahay dugsiga. Xitaa mararka qaar waxaa ay ugu tagi jirtay dukaankiisa iyada oo u geyn jirtay buugta casharradu ku qoran yihiin, si uu uga guursado. Mar marna, iyada ayaa buugtiisa inta qaadda u soo guurin jirtay. Runtii si bini-aadaminimada ka sarreysa ayey Faarax dhanka waxbarashada uga gacan-siisey.

Faarax waxaa uu quuri waayey Nasiib. Waxaa uu u arkay gabar dhan kasta ka wanaagsan. Wraxaa uu arkay himilada ay tiigsanayso iyo mustaqbalka ay leedahay. Waxaa uu eegay abtigeeda soo koriyey iyo dadka ay qaraabada yihiin ee ay la nooshahay, sida ay qiimiga badan agtooda uga leedahayj Waxaa uu la yaabey mas’uuliyaddeeda iyo meeqaamkeed sare iyo xumaan-ka-fiicnaanta Alle ku mannaystay. Waxa ku soo dhacay hadalkii Sowda, markaas ayuu maanka iska yiri “Waa adduune, gabadhaan maad xiriir kan waxbarashada ka duwan la samaysid”, isla markaasna maankiisu kama marnayn xiriirkiisii Jacayl ee kala dhexeeyey Samsam. Waxa uuse is-kula taliyey “Calafka Allaa garan meesha uu ku jiree, bal xiriirrada badi, oo ku dar Nasiibna xiriirkaaga caashaq”.

Nasiib, xiriirka waxbarasho ee kala dhexeeya Faarax aad ayey ula dhacsan tahay, waxaa ayna u aragtaa in uu yahay halyeey mustaqbal fiican leh, oo runtii waxbarashadeeda iyo dadaalkeeda qeyb muhiim ah ka qaata. Waxaa ayba aaminsan tahay, haddii aysan heli lahayn Faarax, in aysan dhibcaha sare ee ay ka keento imtixaanka aysan hesheen, xiisaha waxbarshada ay u haysana uusan fiicnaadeen. Maskaxdeeda waxaan waxbarashada ahayn kuma soo dhacdo, Faaraxna waxaa ay u taqaan walaalkeed oo kale.

Marar badan ayaa abtigeed Waayeel u dhabba-geli jirey saansaanka Faarax, waxa uuna dhawr jeer ula ekaadey Nasiib aabbaheedii ay Jaamac Axmed u yaqaaneen. Laakiin Nasiib oo ina ayihiisa u sheegtay, waa uu ka qancey. Waxaa uu sidaa oo kale la yaabey akhlaaqda iyo wanaagga wiilkan, sidaas darteed, ayuu Nasiib dhawr jeer kula kaftamay “Abti maad ka dhigatid Faarax saaxiib MustaqbaF, isaga oo u arkay in uu yahay wiil fiican oo mustaqbal sare leh, oo ku wanaagsan aayeheeda. Nasiib qudheedu, mar-mar waxaa ay is- weydiisaa hadallada abtigeed, waxaa ay misena dhanka kale u fiirsataa Faarax iyo ficilladiisa wanaagsan, markaasaa waxaa u soo baxa hummaagyo qalbigeeda ruxa, oo u shidaya iftiin fallaaro cagaara bixinaya.

Faarax sidii Samsam ma yeelin, ee waxaa uu isku dayey in uu u soo bandhigo Nasiib dareenkiisa jacayl oo waayadan oo dhan dhiiggiisa dhex siqayey. Waxaa uu maalin Jimca ah ugu yeerey Nasiib marti-qaad heer sare ah oo uu ugu sameeyey guri ay leedahay islaan habaryar ugu qumman, oo ku yiilley meel u dhaw sarta Soobbe. Waxaa uu halkaas marti-qaadka ula aaday, waxaa uu ka cabsanayey in reerkiisu ogaado, in uu gabar kale xiriir la leeyahay, maadaama ay cidda Samsam isku fiican yihiin, Samsamna lagu wada og yahay. Docda kale, Nasiib waxaa ay la yaabban tahay marti-qaadkaan oo ahaa markii ugu horreysay, waxa ayse u aragtaa mid walaaltinimo.

Markii marti-qaadkii la isugu yimid oo, loo hagaajiyey guri qurux badan, ayaa saacado sheeko iyo xifaaltan badan ah kaddib, Faarax u soo bandhigay Jacaylkii ugubka ahaa Nasiib, isaga oo yiri “Nasiib, waayadan oo dhan waxaa I saaran culeys badan, ee wax maad ila qaban?”. Nasiib, oo u qaadatay in Faarax casharradii ku cuslaadeen ayaa ugu jawaabtay “Waa maxay culayskaasi, waa ballan in aan wax kaala qabtee?”. Faarax ayaa ku jawaabay “Waxaan ka cabsanayaa haddii aan kuu sheego, in aad waxba ka soo qaadi weydo, oo aan jac la noqdo”. “Maya., maya.. wallaahiye ii sheeg” ayey tiri Nasiib, iyada oo sii daba dhigtay “Allow ha igu ceebeyn, oo waxaan wax ka qaban karo ka dhig”.

Faarax ayaa si xishood badan uu ku jiro u yiri “Abbaayo Nasiib, waxaan doonayey in aan kuu soo bandhigo, in aan ku jeclahay, in muddo ahna jiif iyo joogba uu ii diiday Jacaylkaas aan kuu qaaday, taas oo haddii aanan kuu soo bandhigan, oo aadan wax igala qaban, dhaawac xoog badan gaarsiinaya maskaxdayda”.

Nasiib ayaa xoogaa hogatay, arrinkaasna ula muuqday arrin ugub ku ah, oo aysan ka filayn Faarax, horayna aysan ba uga fekerin wax jacayl la yiraahdaba. Mar waxaa ay fiirisaa Faarax, marna waxaa ay xasuusataa intii ay taqaanay oo dhan. Waxaa ku soo dhaca hadalkii abtigeed ee ahaa Abti maad ka dhigatid Faarax saaxiib Mustaqbal, mama waxaa ay sii oddorostaa waxa arrintaan ka imaan kara. Waxaa ay ka fekeraysaa – dhanka bini-aadanimada- waxa soo gaari kara maskaxdiisa iyo caafimaadkiisa haddii ay ku diiddo arrinkaan uu u soo bandhigay. Inta Faarax eegtay ayey ku tiri

“Faarax, abboowe haddii caafimaadkaaga qaaliga ah aniga ku xiran yahay, mama igama soo baxayso hadal raaankaaga dhaawacaya, arrinta Jacaylkana wax baan kaala qabanayaa”.

Faarax ayaa neeftii ka soo fuqday, maadaama uu ka w-alaacsanaa fekerka dheer ee ay gashay Nasiib, isaga oo markiisii horena shaki kaga jirey in ay ka aqbali doonto codsigaas iyo in kale. “Abbaayo aad ayaan kaaga mahad- celinayaa ayididda codsiga aan kuu soo gudbiyey. Runtii markii hore ee aan ku dhiirranayey in aan kuu soo bandhigto arrinkaan, waxaa ii qiimaysnaa dadnimadaada, vvaana sii ogaa fal-celiskaaga waxaa uu noqon doono” ayuu yiri Faarax, isaga oo u sii raaciyey “Gacaliso, maanta laga bilaabo, waxa aad tahay qalbigeygiiye ogsoonow, hana dhaawicine, ila dhawr oo, dhibta ka ilaali”. Waxaa kale ee uu intaas u sii raaciyey erayadan dar-daaranka ah ee soo socda oo maanka Nasiib luiay:

Wixii ani I dagi kara Adigana ku dabi kara Isku keenna diri kara Jacaylkeena dumin kara Waa in aan ka durugnaa Kana wada digtoonnaa Nasiibeey dulqaad iyo Daacadnimo iyo samiriyo Wax kastoo hal dooroo Daawo u ah jacaylkeen Ku dadaalno abidkeen

Erayadaas murtida ah ee dar-daaranka iyo wax-sheegga xambaarsan, ayaa Nasiib qalbigeeda aad u ruxey. Waa wacad laga rabo in ay oofiso iyo ballan laga doonayo in aan beerta xannaanada jacaylka dhankeeda looga soo dhicin. Nasiib xoogaa yar oo ay maankeeda ged-geddisay kaddib, waxaa ka soo bur-qaday erayo xikmadaysan, oo ay ugu jawaabeysey Faarax, waxaa ayna tiri:

Hawadaas jacaylkoo Hadda ii bidhaantoo Aan ka helay dhankaagaa Hiyigeyga kicisee Haddalladan wax sheeggaa Murtidaan hal doorkaa Oo huwan jeceylkiyo Harumarinta aayaha Hawraarsan baan iri

Halkaas ayaa galabtii lagu kala tagay farxad iyo reyn-reyn, iyaga oo midba rnidka kale indho kal-gacayl ku dhuganayey, intii ay sii kala ambanayeenna, mid kasta kan kale hadba gadaal u soo eegayey.

Faarax waxa uu ahaa wiil qof maalin abaal u gala aan hilmaamine, intii uu dhex sii socday, ayaa isaga oo maraya meel u dhaw is-goyska lambar 4, ka soo horjeedka Maktabadda Xarameyn, waxa uu ku leexdey nin afarta gees qori lagala taagan yahay, oo naag qaad-wale ah kulleetiga haysato. Si fiican ayuu u eegay ninka la haysto, mise waa ninkii hadda ka hor malleeshiyaadkii af-duubtay ka soo bad-baadiyey. Inta naagtii la hadlay ayuu ku yiri “Ninkaan maxaad u haysataa?”. Waxa ay ugu jawaabtay “Waxa aan ku leeyahay 3,000,000 Sh. So. oo uu jaad iiga qaatay”. “Aniga ayaa ku soo siinayee, soo baxa isagana soo kaxeeya” ayuu yiri. Waa ay raaceen, waxa uuna geeyey macdaarkiisii yaraa, oo uu ka soo siiyey lacagtii ay ku sheeganeysey ninkaan, isagiina waa la haray.

Faarax inta la sheekaystay ninkii ayuu isugu sheegay in uu yahay wiilkii uu soo bad-baadin jirey. sheeko dheer kaddib, lacag ayuu inta siiyey, buu ku yiri “Halkaan iigu imow berri”. Sidaas ayeyna xiriir ku yeesheen Faarax iyo ninkii malleeshiyada ahaa ee horay u soo bad-baadiyey, waxaa uuna Faarax ku dadaalay in uu ninkaan ka saaro dullinimada uu hadda ku jiro, waxa uuna juhdi dheer kaddib, ninkii ku daray Tabliiq, balwaddiina waa ka jarav, waxa uuna ninkii aakhirkii noqday, nin wadaad ah oo fiican, oo waajib iska dhaafe, sunnada ka taxadara, waxa uuna waa dambe ka shaqo bilaabay Shirkadda Hormuud. Haddii aad hadda aragto weligaa kugu soo dhici mayso ninkaan baa mooryaan soo ahaan jirey, quruxda iyo nimcada ka muuqata awgeed.

Ninkaan qudhiisu, indhihiisa hadda waa ka jecel yahay Faarax, markii uu ia kulmana labada dhaban ayuu ka dhunkadaa, waxa uuna aaminsan yahay, in uu noioshiisa soo bad-baadiyey, isaga oo qof kasta u sheega in uusan Faarax abaaikiisa gudi karin. Cajiib, labaduba, nin abaal gala iyo nin gudaba waa yihiin!

Markii Faarax uu gurigiisii tagay, ayuu aad uga fekerayey kulankii isaga iyo Nasiib. Dhan waxaa u soo baxday guul weyn, oo qof uu muddo ku taamayey ayaa xerada u soo galay, mama waxaa uu aad uga wel-welsan yahay, sida uu isugu wadi lahaa labada jacayl ee Samsam iyo Nasiib. Labadaba waa wada jecel yahay, waxaa uuse aaminsan yahay, in uu calaf jiro, oo laga yaabo, in labadooda midi calaf kala geyn karo. Waxaa uu aakhirkii fekerkiisii ku soo aruuriyey in uu labadaba isku wado, uuna kala maareeyo, iskuna dayo – haddii uusan calaf kala geyn – in uu labadaba wada guursado. Mid waliba gaarkeeda ayuu Jacaylka ula jilaa, mid walbana wakhti wanaagsan ayuu siiyaa.

Samsam iyo Faarax Jacaylkooda labadooda reer ayaa isku og, laakiin xiriirka caashaq ee ka dhexeeya Faarax iyo Nasiib labadooda reer midkoodna ma oga, iyaguna weli kama wada hadlin in reeraha la is-baro, laguna wada war-geliyo Jacaylkooda. Waxaa arrintaas, in aysan sidaas u dhicin gun- dhig u ah Nasiib, oo iyadu doonaysa in jacaylkoodu daboolnaado inta waxbarashada guul laga gaarayo, taas oo Faarax isna si nafsiyan ah ula qaatay, in kasta oo ay ku badan tahay sugidda waxbarashadaas heerka Jaamacadeed ah.

Inkasta oo Faarax iyo Samsam aysan isku dugsi dhiganayn, misena Jacaylkoodii dar-dar ayuu ku socday, waxna iskama beddeiin in uu horay u kacay mooyee, laakiin waxaa dhacda mararka qaar in inta imtixaan diyaarin lagu kala mashquulo la is arki waayo, laakiin khadka taleefoonka laynlaynka ah ayeysan ka bixin.

Saddex sano oo ay dadaal waxbarasho ku kala jireen, waxaa Faarax iyo Samsam u suuro-gashey, in ay wada dhammaystaan dugsiyadii sare ee ay kala dhiganayeen, iyaga oo mid walba dhibco wanaagsan ka keeney natiijadii imtixaankii ugu dambeeyey. Intii dugsiyadii sare la dhiganayey, waxaa ay Faarax iyo Samsam dhawr jeer isku soo qaadeen arrirno guur, laakiin waxaa la is-tusay, in waxbarashada dugsiga sare la dhammaysto.

Samsam waxaa ay kaga duwan tahay Nasiib, iyadu ma dooneyso wax ka sarreeya dugsi sare in ay dhigato, waxaa ay ku hamminaysaa oo keliya, in ay dugsiga sare dhammaysato, isla markaasna ay guursato jacaylkeeda qaaliga ah ee Faarax, oo ay noqoto marwo hooyo ah, oo soo bar-baarisa carruur ay ku taammaysay in muddo ah, in ay u dhasho saygeeda mustaqbalka ee Faarax, halka Nasiib, aysan-ba ku fekereyn guur ilaa ay ka dhammayso jaamacad.

Sidii ballantu ahayd-ba, markii dugsiyadii sare ay dhammaysteen Faarax iyo Samsam, waxaa la isla helay wakhti iyo firaaqo Jacaylkoodii lagu sii hormariyo, loogana fekero mustaqbal wada-yagleelasho. Waxaa inta badan laga wada hadlaa guur, taas oo marar badan la isla jiid-jiido xilliga uu noqonayo iyo agabka loo baahan yahay. Waxaa markii dambe la isku af-gartay, in jacaylka mirihiisa la dhadhamiyo, laguna soo af-jaro sheeko-darbiga guur iyo guri xalaal ah oo la askumo.

Waxaa sidaa oo kale la islana fahmay, laguna ballamay xilliga iyo goorta uu meherka iyo aqal-galku dhacayaan, iyada oo si wanaagsan looga wada heshiiyey meherka iyo aqalka la isku aroosayo sida uu noqonayo.

Sidaa oo kale waxaa haddana la isla meel dhigay, slda waalidka arrintaas looga dhaadhicinayo, maqsuudna looga dhigi lahaa, iyaga oo aakhirkii ku wada ballamay, in qof walba waalidkiis hawshaas ku war-geliyo, wakhtiga lagu ballameyna uu qof walba waalidkiis oo howshaan ku faraxsan uu keeno.

GUURKII FAARAX IYO SAMSAM

Sidii wacadku ahaa, waxaa la gaarey xilligii la is-guursan lahaa, iyaga oo mid vvalbana uu ka soo dhaadhiciyey qoyskiisa arrinta guurkooda. Waxa ay iska hor keeneen labadii qoys, oo mid walba si wanaagsan hawshaan uga dheragsan yahay, kuna faraxsan reyn-reynta carruurtooda, horayna ula socday wada-socodkooda iyo aaya-ka- tashigooda. Is-barasho kaddib, waxaa ay labada qoys isla oggolaadeen guurka carruurtooda, waxaa ayna ka ballameen xilliga meherkooda iyo arooskooda, oo toddobaadka soo socda ay ka dhigeen.

Intii ay labada qoys is-wareysanayeen, ayaa waxaa la is- weydiinayey labada qolo ee ay ka soo kala jeedaan wiilka iyo gabadha lagu wado in la isku meheriyo. Samsam adeerkeed hooyadeed qaba ayaa soo boodday oo yiri “Samsam aabbeheed waxaa uu ku dhintay dagaalladii sokeeye, waxa uuna ka soo jeeday qabiilka reer Qansax, aniga ayaa soo korsaday, aniga ayaana hadda doonaya in aan bixiyo”.

Dhanka kale, Qaasim oo ah awoowga Faarax ayaa u sheegay reerka gabadha laga doonayo, in isaga iyo Nuurto oo ayeeydiis ah soo koriyeen Faarax, hooyadiisna Yaman ku maqan tahay, aabbihiisna sidii dagaallada sokeeye u dhaceen aysan wada xiriirin, laakiin ay nolol ku ogaayeen, haddii la waarana la heli doono, wax qaraabadiisa kale ah, oo jooga Xamar aysan garanayn, qaabiil ahaanna waa isla reer Qansax.

Labada qoysba waxa ay sheegeen in nimanka kala dhalay wiilka iyo gabadha ay isku qolo yihiin, inkasta oo midka gabadha dhalay la sheegay in uu dhintay.

Markii ballantii la gaarey ayaa labada qoys isku yimaadeen, waxaana loo wacey wadaadkii isku meherin lahaa gabadha iyo wiilka. Markii uu Shiikhii damcey in uu isku meheriyo lammaanaha, ayuu weydiiyey ninka gabadha dhaley iyo haddii uusan joogin wakiilkiisa, maddaama gabadha aan la soo masaafeysan? Waxaa loo sheegay in uu dhintay ninkii gabadha dhaley, wakiilna laga heyn, waxaana loo wariyey qisada ninka gabdha dhaley. Waa uu yaabey wadaadkii, Kitaabkiisii ayuu inta gadaal ugu laabtay QIIL uu ku meherin karo uga soo helay, waxa uuna isku meheriyey Faarax iyo Samsam.

Markii uu meherkii dhacay, maalmo kaddibba, waxaa loo sameeyey aroos gobeed, oo aad u bilay meeqaamka caruuska iyo caruusadda oo loogu dhigay guriga Samsam, waxaana markii ay xafladdii arooska dhammaatay loo galbiyey gurigii ay ku aqal geli lahaayeen, oo ku yiilley xaafadda Suuqa Bakaaraha oo uu Faarax ka kireystay laba qol. Guriga ay kireysteen waxaa iska lahayd oo degganayd islaan la yiraahdo Safiyo Axmed, oo inta ay lammaanahaan arooska ku jireen iyo markii ay ka baxeen kaddibba, ay iyada iyo gabdhaheeduba aad u caawin jireen, waxaa ayna reerkii markii dambe noqdeen ceeshoo-milix.

Faarax iyo Samsam Jacaylkoodii waxaa uu galay marxalad ka macaan sidii hore, waxaana la noqday marwo iyo seygeed. Waxaa intaas sii dheer, in ay si kale isugu soo dhawaadeen, oo ay noqdeen dad hayb ahaan is yeeshay, taas oo labadaba sii xiisa galisey, maadaama mid walba uusan weligiis qof ka arag qabiilka uu sheeganayo, waxaa ayna noqdeen dad wada dhashay oo kale.

Marar badan waxaa ay ka sheekeystaan is-barashadoodii hore iyo waayihii dugsigii Bukhaari, iyaga oo wax badan iska weydiiya ardeydii xilligaas ay dugsiga wada dhiganayeen. Mama waxaa ay ka wada hadlaan marxaladdii ay dugsiyada kala duwan, kala dhiganayeen iyo waayo-aragnimadii mid walba iskoolka uu dhiganayey kala kulmay. Marar ayey soo xasuustaan Jacayikooda guurka ka hor, mama waxaa ay wax badan iska weydiiyaan qabiilka ay sheeganayaan waxaa uu yahay iyo weliba aabbayaashooda aysan garanayn iyo sababta qaraabadooda aabbe u dayaceen ee aysan noloshooda uga qeyb qaadan! Mar mar waa ay kaftamaan, mid walbana waxaa uu ka sheekeeyaa qisooyin maad leh, oo uu kan kale uga qoslisiiyo. Maxaa reyn-reyn ah, maxaa se tamash-le ah! Maxaa qosoi iyo qaraaxo ah, maxaa se maad iyo madadaalo ah! Waxa aabad mooddaa in Jannadii aakhiro lagu sheegayey ayba tan u tahay!

Laakiin muddo yar kaddibba, xoogaa yar oo isla hadal ah ayaa Faarax soo food-saarey, taas oo mararka qaar, uu ku illoobo farxadda uu ka helo qosolka, dhoollacaddaynta, marxabbaynta, hadal-macaanida iyo dhunkashada joogtada ah ee Samsam. Waxaa uu bilaabay hogasho iyo hoos-iskula- hadal, taas oo dhadhankii guurkan iyo aayo-la-wadaagga Samsam murugo ka gelisey.

MURUGADII LA SOO GUDBOONAATAY FAARAX

Faarax, ka sokow farxadda arooska iyo helidda gabadhii uu muddo ku taamayey guurkeeda, haddana aqal-galkii sidii uu u filayey uma noqon! Markii uu gabadhii la aqal-galay, waxaa Faarax ku adkaatay qancinta Samsam dhanka gogosha, waxaana ku dhacaya hammi-jab! Sida uu hawo u leeyahay, ayey dhacaysaa marka uu Samsam gogosha ugu tago. Waxaa uu aad uga yaabay, waxa khaldan ee isaga iyo Samsam kala hortaagan. Marka gogosha la tago, oo uu Samsam waxba ka tari waayo, ayuu waxaa uu bilaabaa in uu u sheekeeyo, oo uu raadiyo sheekooyin madadaalo ah, oo uu wakhtiga ku dhaafiyo.

Geesta kale, Samsam qudheedu ma helin dhadhankii Jacaylka, oo waxaa ay doonaysay in ay Faarax jirkiisa dhadhamiso, haddii ay horay uga soo daashay aragiisa iyo muuqaalkiisa duleed. Waxaa ay doonaysay in ay hamuun ay u qabtay la ciyaaridda Faarax iyo dareenkeeda aadaminimo ay kaga maqsuudi doonto marka uu Eebbe isku xalaaleeyo, helaanna guri iyo deegaan wacan oo ay leeyihiin. Laakiin taas beddelkeeda, waxaa dhacay wax khilaafsan sidii ay ku fekeraysey! Isna waxa dhacay uma sheego iyana ma weydiiso, keliya waxaa uu wakhtigu ku dhammaadaa wada sheekeysi iyo iska wareysi arrimo hore. Saddex bilood ayaa gow tiri iyada oo xaalkii sidaas yahay, waxaana labada geesba shaki ka galay mustaqbalka guurkaan, oo u badnaa Faarax.

Faarax hadda xaalkiisu caadi ma ahan, waxa uuna aaminay in ay ragganimadii ka guurtay, oo uusan lahayn wax rajo ah, oo uu guurkaan ku sii wadi karo, carruurna ku yeelan karo. Waa nin dhallinyaro ah oo xishood badan, waxa uuna ka baqayaa in ay ogaadaan cidihiisa iyo kuwa gabadhuba ciniinimadiisa. Waxaa uu ka cabsanayaa, haddii uu asxaab arrintaan kala tashado, in ay warkiisa suuqa geyn doonaan, oo uu noqdo nin meel kasta lagu xanto, dabadeedna ay xantaasi gaarto qaraabadiisa iyo qoyska gabadhaba, oo fashil weyn uu markaasi ku habsado.

Inta badan, guriga maalintii waa uu ka maqnaadaa, waxa uuna dhawaanahan bilaabay in uu guriga tago xilli dambe. Waxaa uu hadda wakhtigiisa oo dhan ku bixiyaa, ka fekerka sidii uu arrintaan xal ugu heli lahaa, waxaana wiiqantay fir- fircoonaantiisii shaqo, iyada oo saamayn wreynna ku yeelatay howlihiisii ganacsi.

Meelaha fadhi-ku-dirirada iyo meelaha akhyaartu ku qaxweyso ayuu tagaa, oo dadka si dadban u weydiiyaa arrintaan, isaga oo u sheega, in nin saaxiibkiis ah ay arrintani qabsatay, laakiin wax macluumaad ah kama helo, oo qalbigiisa qaboojiya!

Mararka qaar, waxaa uu tagaa Masaajidda iyo Mawlacyadal Diinta, waxa uuna culimada halkaas joogta ka codsadaa, ini ay u soo duceeyaan, muraad uu leeyahay in Rabbi u sahlo, wax badan ayaana faataxo loo maray, laakiin misena, waxba j isma beddelaan. Culimada qaar ayuu inta u tago weydiiyaa,] sababta ducadooda loo aqbali la’yahay, oo uusani muraadkiisii u helin, markaasey u sheegaan, in ay I ducooyinku qaar soo daahaan ee uu iska sugo.

Shiikh ayaa mar u sheegay in uu Salaatu-Laylka badiyo, si uu muraadkiisa u helo, markaasuu bilaabay in uu Salaatu-laylka tukado, oo uu Ilaahay xilliga dadku hurdaan baryo. Inta tukado ayuu ilaa waagu uu ka dillaacayo ducada wadaa. Waxaa uuna mararka qaar ku wardiyaa ereyadaan:

Boqorow Ilaahow Baarrigii i uumow Bilantii aan guursadey Qalbiga waa ku badantoo Buur ka cuius jacaylkuye Markii aan u baahdana Ma baashaali karayoo Dabkaa iga bakhtiyayee Waan u baqay naftaydee Ii bidhaami Eebow Buktadaani waxay tahay

Haddii arrintii muddo sidaas ahayd, asii wax u bidhaama waayey, waxaa uu maalin ku fekeray in uu arrintaan la wadaago jacaylkiisa Samsam, si saxana wax ugu sheego, isla markaasna uu ka dhaadhiciyo, in ay si vvada jir ah u J raadiyaan xalka arrintan murugsan.

Goor fiid ah oo ay Samsam u soo karisay casho iga gee ah, oo aan wakhti fiican lagu bixin karinteeda, ayuu inta uusan bilaabin u yeerey Samsam, oo sariirteedii iska aadday. Waxaa uu bilaabay in uu uga sheekeeyo arrinta la soo gudboonaatay iyo dhibaatada galmo-darri ee la soo deristay, isaga oo ku yiri hadalladan “Gacaliso, waxa aan aad uga xumahay arrinta ninnimo-xumo ee igu dhacday. Waxaan ka xumahay mas’uuliyadda Jiifka ee aan gudan waayey, waxaan se ka murugeys nahay in aan in muddo ah xal raadinayey, laakiin aan ku guul-darraystay. Sidaas darteed, waxaan caawa jeclaystay, in aan arrintaas kula wadaago, maadaama ay murugo igu haysay in muddo ah, oo aan wada raadino xalkeeda, aniga oo rajo fiican ku qaba, in aad ila dareemi doontid xanuunkaas, iina garab istaagi doontid sidii aan ku guulaysan lahaa, sidii aad jacaylkeennii horeba iila garab istaagtay”.

Samsam waxaa ka soo daadatay illin, iyada oo dareenkeeda xakamayn weyday hadallada murugada leh ee ka soo baxay afka Faarax awgood. “Gacaiiye, waan dareensanahay arrintaas, anigana geestayda ayaa wel-welku iga hayey, waxaan se isku dayayaa in aanan meel cid la’ ah kaaga tagin, arrintaanna xalkeeda kula raadin doono Alle idinki” ayey tiri Samsam oo Faarax qalbiga u dhisaysa. Faarax neef farxadeed ayaa ka soo kudday, rnadaxa ayuuna ruxay isaga oo aaminay in uu sax ahaa go’aankii uu ku gaarey in uu Samsam la wadaago dareenkiisii. Maalintaas wixii ka dambeeyey, waxaa ay labada dhinac isla gaareen in ay wada raadiyaan xal, waxa uuna Faarax bilaabay, in uu meel kasta aado, iyada oo Samsam-na u dhaqaaqday in ay bal la-tashato islaamaha waayeelka ah ee waayo-aragga ah.

Nasiib wanaag, beryo kaddibba, iyaga oo sariirta wada saaran oo Idaacadda Shabeelle wada dhageysanaya ayaa waxaa soo galay xayeysiiska xarun daawo-dhireed oo iaga sheegayo in ay daaweyso raganimo-darrida. “Alla Faarax noo dhageyso meesha ay ku taallo” ayey la soo boodday Samsam. “Waxaa ay ku taallaa ayey leeyihiin Baar-ubax, meel u dhaw Hoteel Salaama” ayuu ugu jawaabey Samsam. “Berri subixii waa in aan ku jarmaadnaa” ayey ku tiri. “Waa yahay xabiibti” ayuu ugu hadal-celiyey.

Faarax waxaa uu la dhacay farxad, waxa uuna u qaatay idaacaddan iyo xanmtaan mid Alle u soo direy in ay yihiin. Waxa uuba is-yiri “Masaajiddii iyo Mowlacyadii lagaaga soo duceynayey ayaa ducadoodii soo duxday oo ay hadda soo dhacday”. Habeenkii ayaa ku dheeraadey, waxa uuse habeenkaas oo dhan diyaarsanayey, waxaa uu ku dhihi lahaa Shiikha dadka xaruntaas ku dabiiba iyo sidii uu uga warrami lahaa arrinta qabsatay.

Markii subixii la gaarey ayey inta Samsam kacday oo quraacdii u boobsiiyey, tiri “Soo bax gacaliye, aannu aadno * xaruntiiye”. “Haye” ayuu yiri Faarax, isaga oo hadalkiisii raaciyey “Qalbi, bal AFAR faataxo inoo mar, in Alle meeshaan ku daawoobi lahayn inooga dhigo xaruntaas”. AFAR-tii faataxo ayaa laga tuurey, duco kal-iyo-laab ahna lagu duceystay, aakhirkiina yiraahdeen FAATAXA.

Gurigii ayaa laga kallahay, waxaana la qaadey waddadii ugu sahlanayd oo si dhaqsa ah ku gayn kartay xaruntii. Intii la wada socday, la islama hadlin. Faarax isagu wardiga ayuu hayey, Samsam-na waxa ay eeg eegaysay geesaha, oo tilmaanta ayey haysay. Markii cabbaar la socday, waxaa lagu yimid meeshii loo socday – waa xaruntii daawo-dhireedkee.

Markii la yimid xaruntii ayey isla markii-ba weydiiyeen dadkii, wadaadka xarunta. Waxaa loo sheegay in uu ku mashquulsan yahay dad uu Quraan ku akhrinayo ee ay xoogaa sugaan. Cabbaar ayey u fadhiyeen meesha lagu sugo dhakhtar-dhireedka. Keligood ma sugeyn, ee waxaa halkaas fadhiyey dad kale oo badan oo Shiikhka sugayey.

Inta badan Soomaalidu haddii ay meel isugu timaado, waa la is-wareystaaye, waxaa la weydiiyey Samsam iyo Faarax; qofka labadooda xanuunsan ee la takhtarinayo. Samsam ayaa tiri “Waxaan takhtarka u raadinaynaa Faarax”. Markaasaa la weydiiyey Samsam halka uu ka xanuunsan yahay Faarax. Samsam ayaa ka naxday su’aashaas, waxaa ayna is—tiri “Allow maxaa kugu watay in aad tiraahdo Faarax ayaa xanuunsan.”

“Wallaahi caajis ayaa waayadan oo dhan hayey” ayey ugu jawaabtay. Qof dumar ah ayaa ku tiri “Haah, waayadan caajisku waa iska badan yehee bai dhanka Quraanka ugu dadaal”.

Samsam ayaa neefi ka soo boodday, oo waxaa ay u malaysay in waayadan ragga oo dhan, tan ka wada siman yihiin. Samsam ayaa naagtii ku tiri “Ka warran eeddo seygaaga waayadan ma caajisaa?”. Sayte “Maya, aniga ayaa caajisnaa waayadan”. Kaba sii darane, waxaa ayba u malaysay Samsam in ragga iyo dumarka caajisku wada qabto, waxaa ayna niyadda ku dhisatay in ay ninkeeda u dulqaadato, si isna marka ay caajisto uu ugu dul-qaato. Qof kale ayaa weydiisey sida uu ninkeedu u caajisan yahay iyo waxa haya. “Wallaahi dhanka sariirta ayaa laga galay” ayey si hal-haleel ah ugu jawaabtay. Naagihii meesha fadhiyey oo dhawr ahaa, oo sheekada wada dhageysanayey ayaa hal mar la soo wada booday “Abbaayo, taasi caajis ma ahane, waa musiibee, Allaha idiin fududeeyo”.

Samsam wadnaha dhag yiri, oo hadalka dumarka ayey ka naxday, waxaa ayna garatay, in caajiska sidii ay u fahantay uusan ahayn ee wax kale loola jeedo. Waxaa ay ka shallaysey sababta ay haweenkaan ula qabsatay iyo fakinta sirta ninkeeda iyo iyada ka dhaxeysey. Waxaa ay fiirisay Faarax oo ay moodaysey in uu sheekada maqlayey mise waaba mooge, oo waxaa uu ku mashquulsan yahay isla sheekeysi maankiisa ah, oo uu wax iska weydiinayo waxaa uu kala kulmi doono wadaadka xarunta.

Cabbaar ay meesha ku caajiseen kaddib, Faarax iyo Samsam waxaa u yeerey wadaadkii xarunta. Si deg-deg ah ayey u kaceen, iyaga oo saanta boobsiinayana u tageen wadaadkii. Wadaadka waxaa ag fadhiyey gacan-yarehiisa, waxa uuna bilaabay in uu weydiiyo cidda jirran labadooda iyo meesha laga hayo, laakiin cidina waa u jawaabi weyday, oo waxaa uu ka xishooday Faarax ninka kale ee ag fadhiya wadaadka. Samsam oo fahantay Faarax, ayaa wadaadka ka codsatay in ay si gaar ah oo keligiis ah u rabaan. Wadaadkii waa uu aqbalay, waxa uuna saaray gacan-yarihiisii. Markii uu gacan- yarihii baxay, ayuu Faarax bilaabay in uu u sheego wadaadka qofka xanuunsani, in uu isaga yahay. Waxaa kale ee uu si faah-faahsan uga sheekeeyey xanuunka haya waxaa uu! yahay, goorta la asiibay iyo sida loo asiibay-ba. Waxaa uu markii hadalkii u dhammeeyey kaddib- ka codsaday wadaadkii, in haddii uu takhtarin karo arrintaan ka daweeyo.

Wadaadkii ayaa markii uu dhageystay ugu laab-qaboojiyey Faarax in uu arrintaas ka daweyn karo, cid aan isaga ahayn oo dambana aan loo tagayn. Faarax soo kan farax dartiis is- hayn waayey ma ahan, soo tan se Samsam alalaaso afka’ furatay mahan, waxaana isku mar afkooda ka soo baxday “Khayr Allaha ku siiyo Shiikh, kurbaad naga faydaye Allaha kaa faydo”. Waa gabar cun-cun hoose dilay e, farxaddii inta Samsan la tagtay, ayey inta gacanta u soo taagtay Faarax ku tiri ‘‘Ku dhac.”

Wadaadkii ayaa bilaabay in uu qoro sida loola tacaalayo cudurka Faarax. Waxaa uu yiri Wadaadkii “Faarax, waxaa lagu, siinayaa daawo-dhireed lagaa doonayo in aad isticmaasho habeenkii inta aadan gogosha tagin, cashada ka hor”, isaga oo markaasna bilaabay in uu isugu daro geedo kala jaad ah oo agtiisa yiilley. Waxaa kale oo uu u sheegay, in uu laba setimaan, subax walba uu yimaado xarunta, si Quraan loo saaro, isaga oo ugu lab-qaboojiyey in uu natiijo fiican heli doono muddo 10 cisho gudahood ah. “Hawraarsan” ayuu yiri Faarax, isaga oo horay u sii qaatay dawadii, bixiyeyna lacagtii aragtida takhtar-dhireedka iyo til daawadaba. “Khayr allaha ku siiyo Shiikh” ayey tiri Samsam-na iyada oo dhoolla- caddaynaysa, markii ay sii baxayeen.

Markii ay xoogaa sii socdeen ayaa waxa ka hor-timid Nasiib, oo iyadu aragtay Faarax. Inta u yeertay ayey tiri “Faarax, ii waran abboowe sidee tahay?”. Inta uu ku soo leexday ayuu yiri “Abbaayo waan wanaagsanehee ii warran, sidee tahay adigu?”. “Waan fiicanahay anna” ayey tiri. Inta ay isla hadlayeen ayaa waxaa soo ag istaagtay Samsam. Hadalkii inta qaatay ayuu ku yiri “Abbaayo, gabadhan Nasiib ayaa la yiraahdaa, waxa aannu ahayn isku Fasal. Nasiib, gabadhaanna Samsam ayaa la yiraahdaa, waana walaashey”. Inta is-gacan qaadeen ayey mid waiba tiri “Barasho wanaagsan abbaayo”.

Samsam iyo Nasiib dhib iskuma arag, sababta oo ah, Nasiib waxa ay u malaysay in ay Samsam tahay Faarax Walaashiis, halka Samsam-na u dareentay in Faarax iyo Nasiib isku Fasal keliya ahaayeen. Faarax oo ka baqayey in uu fashilmo, haddii intaas ka badan la sii wada taagnaado ayaa yiri “Nasiib, haye abbaayo waan deg-degsannehee, aniga ayaa ku soo wacaya Alle idinkiis”. Halkaas ayuuna ku kala farsameeyey labadii gabdhood oo midna uu qabo midna uu jacayl la dhiso. Kolkii ay ka dhaqaaqeen Nasiib, ilaa ay gurigii gaarayeen, waxaa laga sheekeysanayey farxaddii ay maanta la soo kulmeen iyo rajada waxaa ay naawilayaan iyo weliba sara-u-kaca hammigoodii.

Markii la gaarey makhribkii ayaa sidii uu Shiikhu kula soo ballamay, waxaa uu Faarax cunay dhirtii, inta uusan cashayn ka hor. Markii uu casheeyey ayuu sariirtii dul-tagay, waxa uuna is yiri “Bal is-tijaabi”, mise waa sidii hore! Waa uu iska seexday, isaga oo iska dhaadhiciyey in habeenka koowaad aysan natiijadu soo deg-degayn. Subixii waxaa uu ku kallahay xaruntii, si Quraankii loogu soo akhriyo. Makhribkii kale markii la gaarey, ayuu misena cunay geedihii qooshnaa ee loo soo qorey. Markii uu casheeyey ayuu sariirta dul- tagay. Samsam ayaa ku bilowday in ay salaaxdo oo ay bal tijaabiso in ay wax iska beddaleen, mise waa sidiisii, oo wax hawo ah kuma soo kordhin!

Sidii Shiikhu uu wax ugu soo qorey ayuu sameeyey Faarax, waxaana la gaarey xilligii la yiri natiijo ayaa imaanaysa, laakiin daawadiina waa dhammaystay, Quraan akhriskii xilligiisiina waa idlaaday, welina wax is-beddel ah lama hayo.

Talo fara ka baxday! Rajadii xaruntuna waxaa ay ku dhammaatay niyad-jab kale!

Faarax waxaa uu la tashaday marvvadilsa Samsam, waxaana la isla gartay bal in Shiikhii mar kale lagu laabto. Shiikhii ayaa loo tagay, waxaa ayna u sheegeen miraha daaweyntiisii. Shiikhii ayaa arrintaas ka yaabey, waxa uuna u arkay in uusan daawo kale u ahayn, ummuurtaanna tahay mucjiso uusan garanayn. Waxaa uu u sheegay, bal in ay isbitaallada tagaan oo ay takhaatiirta howlahaan qaabilsan raadsadaan.

Waxaa ay mar labaad arrintaas wel-wel kale ku abuurtay lammaanihii, waxaana beenowday rajadii uu geliyey wadaadku lammaanahaas da’da yar ee ahayd, mar haddii ay isaga heleen in aysan dhakhaatiir kale u baahnayn, ee isagu uu ku filan yahay. Waxaa ay ka tageen Shiikhii iyaga oo luudaya, niyad-jabsan, aaminayna in aysan wax xal ah iahayn arrintani.

Markii ay gurigii tageen, ayey tashadeen mar kale. Samsam ayaa la soo boodday “Yaanaan quusan, ee aan aadno takhaatiir kale, bal in Alle wax inooga bixiyaa laga yaabaaye”. Faarax oo isagu quus taagnaa ayaa taladii Samsam madaxa u lulay, waxaa ayna gelisay rajo kale. Waa uu ka yeelay, waxaana la isku raacay in berriba takhtar la raadiyo, laakiin waxaa cabbaar laga dooday “Takhtarkaan u baahannahay waa kuma, halkee se laga helaa?”. Dood dheer kaddib, waxaa la isku af-gartay in dhakhtar un la raadiyo, marka lala kulmo; isagaa na daaweyn ama noo sheegin meesha ay joogaan dhakhaatiir ta qaabilsan howlahaane.

Subixii ayaa quraacdii la dedejiyey, iyada oo sidii caadadu ahayd la martay Faataxadii, w-axaana la aaday dhakhtar ay dhawT jeer idaacadaha ka maqieen oo ku yiillay xaafadda Lambar Afar. Markii ay tageen isbitaalkii ayey waxaa ay goosteen lambarkii aragtida takhtarka. Markii la gaarey lambarkoodii ayaa loo wacey. Takhtarkii ayey la kulrneen, waxa uuna Faarax uga sheekeeyey arrinta qabsatay.

Dhakhtarka arrintaas ma ahayn takhasuskiisa, laakiin waa dhakhtar Soomaaliya jooga oo shaqeysta e, waxaa uu ku xaabiyey daawooyin farmashigiisa yaaley oo nafaqo/ fatimiino u badnaa, waxa uuna ku yiri “Faarax, daawooyinkaasna qaado, xooga jir-dhis ahna samee, caloosha iyo madaxa arigana badso, Insha Allah natiijo ayaad arkaysaa toddobaad gudihiis e”.

Faarax iyo Samsam ayaa iyaga oo riyaaqsan ka baxay Isbitaalka, kaddib markii ay ka iibsadeen bac buuxda oo daawooyin ah. Samsam ayaa ku tiri Faarax “Gacaliye, kan ayaaba ka fiican kii hore, waxaa uu inoo sheegay in natiijo deg-deg ah setimaan gudihiisa la helayo, halka kii hore wakhtigiisu dheeraa”. Faarax ayaa ugu jawaabey “Abbaayo, Allaha daawo khayr qabta inooga dhigo”, isaga oo aad mooddid, in uusan ku qanacsanayn arrintaan oo ay la mid noqon doonto tii Shiikhii oo kale.

Asbuuc ayuu Faarax daawadii liqayey, isaga oo dhanka kalana jir-dhis galay, isla markaana keligiis uu ka xirtay kawaanka xaafadda; wixii calool iyo madax ari yiilley. Daawadana waa iska daba-geeyaa, jir-dhiskana nafta ayuu isaga ridaa sida uu biro cul-culus u qaadayo, maalintii iyo habeenkiina ilaa 10 neef oo ari ah; calooshood iyo madaxood cidna uguma tagto.

Toddobaadkii dhammaa, welina natiijo lama hayo. Ka dar oo dibi dhaH Maxaa hadda la sameeyaa! Shirkii caadiga ahaa ee wada tashiga ahaa ayey u fariisteen Samsam iyo Faarax oo, markaan quus tii ugu dambaysay taagan.

Waa la wada fekerey, oo la wada fekerey oo maskaxdii la shiiley, waxaana laga wada tashanayaa, bal in ay jirto hadda fursad kale. “Alle Faarax, haddaan wax soo xasuustay, ka vvarran haddii aan raadino wax-sheeg iyo fooxiso, iyadaa laga yaabaa in ay deg-deg ku keento cilladaane” ayey tiri Samsam, oo soo xasuusatay islaan ay ku taqaaney Xamar- jadiid, oo ay hadda ka hor u raacdey gabar ninkeeda inta naag uga shakisey, ay fooxisadaasi wax walba u faah- faahisey, isla markaasna sidii ay wrax ugu sheegtay ay u aragtay gabadhii. Nin ay hali ka maqan tahay, haanna gacanta galiye, Faarax waa uu ku raacey inta taladaasi macquul ula ekaatay.

Waa ay taqaanney rugta fooxisadee, subixiiba waa isku sii daayeen, waana u tageen Fooxisadii – oo magaceeda la yiraahdo Qubbaco – waxaa ayna u sheegeen arrinta ay ugu yimaadeen. Maxaad ka taqaan fooxiso! Dab ayey inta foox ku bulbulisey, oo cabbaar aamustay ayey inta afka mar- maroojisey tiri “Haaah, waan arkaa dhibka ku haysta Faarax…. Waxaan arkaa ruuxaamo kacsan oo ay hoggaaminayaan Mallaaf iyo Moorif, oo ka yimid Flalalow iyo Halabooqad, waxaa ayna kuu fadhiyaan kaadi-heysta, iyaga ayaana korantada kaa qaadey”. Iyada oo hadalkii sii wadata ayey misena tiri “Waxaa loo baahan yahay in wadaaddadaas xanaaqsan la dejiyo, si loo marxabbeeyana, waxaa loo baahan yahay, in laba wan oo jabsadey loo bireeyo, lana soo gado foox iyo cuud loo shido iyo barafuunno lagu jebiyo”. Waxaa ay u sheegtay wakhtiga lagu aaddinayo howlahaas oo dhan, iyada oo u caddeysey haddii ay sidaas sameeyaan in ay wadaadadu degayaan, halkoodiina ku laabanayaan, Faarax- na shaqadiisa qabsan doono.

Faarax oo aad uga yaabban dambiga Mallaaf iyo Moorif iyo xertooda uu ka galay ee ay ku daba-taagan yihiin ayaa taladii aqbalay. Sidii ay Qubbaco ku talisay, inta suuqa aadey ayaa waxa uu soo gadey wanankii waaweynaa iyo alaabihii kale ee loo direy, waxa uuna markii ballantii la gaaray u yeerey fooxisadii si ay u muraaddeyso.

Qubbaco oo dumar badan hoggaamineysa ayaa gurigii Qoyska Faarax timid, waxaa ayna bilaabeen iyada iyo xerteediiba in ay hilbaha riiqaan, markii ay dhargeenna, waxaa ay bilowday in ay foox inta shiddo, tiraahdo “Culima Allah, waataas la idin muraaddeeyee, Flalalow iyo Halabooqadkiina aada oo sii daaya maskiinka, Insha Allah, sannad kaddibna, waa la idiin celin doonaa muraaddeyntaan oo kale e”. Inta Faarax u yeertay, ayey dhabarka ka dharbaaxday, kuna tiri “Shaqadaadii qabso waan direy ruuxaantiiye.”

Cajiib, waa uu f’arxay, isaga oo u qaatay in maanta Alle shuushkii iyo Sheydaankii ka saarey. Yaaba ka fiican, haddii la yiri waad fasaxan tehee, haddaba shaqeyso. Lacag aysan fooxisadu weligeed qof ka qaadan inta u soo bixiyey ayuu dhab ku siiyey, kuna yiri “Eeddo aad baad u mahadsan tahay, Khayr Allaha ku siiyo, waana ku soo xusin Insha Allah”. Sidaas ayeyna Qubbaco, oo hoggaamineysa asxaabteedii ku tagtay, iyada oo si fiican maalintaas u qaraabatay.

Faarax oo faraxsan ayaa markii gurigii laga kala tagay kaddibba, bilaabay in uu u yeerto saaxiibtiis oo uu istijaabiyo, mise maxaad ii dhiibatay, waa sidiisii! “Oo soo tii fooxisadu lahayd, haddaba shaqadaada bilow, maxaa dhacay? Balaayadii miyaanan weli kaa amba-bixin?” ayuu is- weydiiyey. Maba aaminin in ay ahayd fooxiso shiidsaneyd oo qaraabaneysee, waxaa uu islahaa “Bal ilaa caawa iyo berri sug waxaa laga yaabaa in weli ruuxaantii ay xamaamtooda aruursaneysee”. Berri, saadambe, saakuun, sidataai iyo toddobaadba la dhaaf, waxna isma beddelin. Talaa ku waa bariisatay, fooxisadiina khayr ma keenin. Shirkii caadiga ahaa iyo fekerkii dheeraabaa misena loo fariistay. Dhawr habeen oo la fadhiyey, wax caqli ah waa keeni waayeen, oo looga gudbo caqabaddaan, waxaa ayna qaadatay mar kale saddex bilood oo kale.

Samsam oo dadaalladaan fashilka ku soo wada geba- geboobey ka qalbi-jabsan, oo murugo adduun doc ula taalla, ayaa subax iyada oo Canjeelo dubeysa laba dameer (oo lab iyo dheddig ah) oo is-ceyrsanaysey, deyrkii ay quraacda ku sameysaneysey dibeddiisa isku heleen. Iyada oo xabbad Laxoox ah, oo ay dubeysey u saarneyd birdaawadii, ayey inta qayladii iyo sawaxankii dameerta ka naxdey, albaabka ka fiirisey. Mise! Waxa ay aragtay dameerkii labka ahaa oo boodaya tii dheddig, oo inta qalabkiisii lakala baxay kui aroorinaya dameertii. Inta gacanta afka saaratay ayey aad| ugu dheygagtay, oo aad ula yaabtay howsha ay u riyaaqday ee halkaas ka socotay. Inta u bogtay waxa uu dameerkaas labka ahaa walwaalayey iyo waxa uu sameynayey, ayaa iyada J oo qalbiga ku haysa Faarax, inta madaxa luxdey ku ] hadaaqdey iyada oo aan is-ogeyn “Eesh-calaa, waxaas-baa wax canjeelo loo duba ah’”. Markii ay labada dameer kala boodeen, ayey – iyada oo maankeedii waswaas soo galey – Canjeero-dubkeedii dib ugu laabatay, iyada oo la kulantay birtii iyo Canjeeladii isku saarneyd oo isku gubatay, intii ay isha ka soo nuursanaysey!

Samsam markaan iyana quus ayey taagan tahay, oo wax waliba oo ay is-Iahayd arrintaan ayaa lagu furdaamin karaa waa ay samaysey. Xitaa dhawr jeer oo kale oo ay laaliyaal kale u tagtay iyo islaamo w’aayeello ah oo ay la kulantay oo talooyin siiyey, waxba waa ka soo naasa-caddaan waayeen. Hadda ma garanayso wax ay samayso, waxaana ka soo harey dhafoor-haysi iyo feker aan xad lahayn, iyada oo xalkeedu ku dambeeyey afkiibaa juuqda gabey*. Faarax qudhiisu wax talo ah hadda ma hayo, gabadhii wax ku siyaadin jirtayna waayadan talo ma leh, wada tashigoodiina waxaa uu ku dhammaaday kala aamus iyo qof walba in uu arrinta gaarkiisa dhabanna-hays ugu noqoto.

Illeen rag iyo dumar, waxaa ay ku wada joogaan waa cisal shaqeynaya, haddii kaa la waayana, illeen waa murugo iyo ciil! Illeen jacaylka aan maqalno waxa uu ku xiran yahay geedka ragga, oo haddii mid kaasi cilladi ku timaaddo, jacayl maba jirayo! Illeen haddii ay gabari ku tiraaho “Waan ku caashaqey”, illeen micneheedu waxaa weeye “Alaabtaadaan caashaqay”!

Maalmaha iyo habeenadu wraa is-dhaafayaan, wakhtigu deg- deg ayuu ku socdaa, waxaana aamus iyo dhakafaar ahaynna ma hayaan Faarax iyo Samsam. Labaduba ehaladooda kama war-hayaan mucjisada haysata, marka la soo booqdana qosol iyo farxad aan iaabta jirin ayey ku soo dhaweeyaan, oo lagaraa dareemo dhibka haysta. Samsam iyada waxaa intaas u dheer, weydiimaha kaga imaanaya qoysaskooda, oo ah in uu khayr jiro iyo in kale, markaasey hadal daciif ah ku tiraahdaa “Insha Allah, Alle ayaan ka sugeynaa”. Mar mar ayeyba u sheegtaa in ay shakisantahay, oo uu khayr jiri karo, si ay qalbiga ehelka iyo asxaabtaba u dejiso.

Waxaa-ba Samsam murugo ku sii ridey, gabar ay is- yaqaaneen oo ay isku fil ahaayeen, oo isku mar la guursadey oo, cunugna dhashey midka kalana horay ka qaadday. Gabadhaas ayaa inta maalin u timid Samsam taladaan weydiisey “Abbaayo Samsamey, arrin ayaan kaala tashanayaa. Saygeygii Warsame ahaa, naftiibuu ii keeney. Abbaayooy, wax gacantaydaas la eg ayuu leeyahay, oo aan loo adkeysan karin, oo wadnihii ayuu igu gooyey, waxaa uu taasna uga daray, waa ma dharge ku noqnoqosho badan, oo habeenkii ma seexdo ilaa uu 12 koolbo tuurto, anna naf baan ahay, oo waan u dulqaadan waayey, maxaan sameeyaa, bal ila tali?”. Samsam oo murugadii waayahaan haysay uu hadalkaan ku sii bediyey, oo mar ku sigatay in ay tiraahdo aniga ii soo dir, ayaa si qalbi furan kula talisey gabadhii “Abbaayo Faadumo, waxa aad sheegayso waa nimco iyo wax aan la heii kerine, inta aamustid, oo Alxamdullilaahi tiraahdid, ninkaas fara adag ku qabso”.

Marwo Safiyo oo leh guriga ay kirada ku deggan yihiin lammaanahaan, iyaduna ay qeyb ka deggan tahay, ayaa dareentay murugada iyo dhibka haysta reerka cusub. Waa ay fahantay in ay wax jiraan, laakiin waxaa ay garan la’dahay sida ay wax u jiraan. Waxaa ay bilowday in ay in badan la sheekeysato, si ay wax uga ogaato waxa reerka ku soo kordhey. Waxaa ay la sheekeysataa gabadha, marna wiilka, laakiin waxba waa oga bixi waayeen, iyaduna waa ay isaga gaabsatay markii dambe. Safiyo, waa jeceshahay wiilka iyo gabadha, si gaarana waa ay u tix-gelisaa. Ka sokow, in ay yihiin dad sharaf leh, waxaa ay ogaatay in ay isku qolo yihiin lammaanahaan iyo iyadu, taas oo tix-gelin gaarana ay ku siiso. Safiyo, waxaa ay marar badan is-weydiisaa, nimankii carraurtaan dhalay, oo aan barin abtirkooda iyo jufo- hoosaadkooda midna, ee inta dhalay isaga tagay. Haddii ay abtirkooda ogaan lahaayeen, Safiyo waxaa u fududaan lahaa halka ay isaga soo dhacaan, waxaa ayna garan lahayd, waxaa ay isku yihiin, laakiin hadda “Eeddo” ayey iska tiraahdaa.

Faarax waa wiil wax-si-weydiin badan oo, maskax shiilis iyo talo rog-rog badan. Feker dheer kaddib, waxaa u soo baxay in uusan rajo lahayn, aysanna wanaagsanayn in uu lumiyo mustaqbalka waiaashiis. Waxaa uu soo fekeray, in uu u soo bandhigo Samsara in uu iska fasaxo, isagana uu daawooyin iyo la-tacaal raadsado, iyaduna calaf kale ay raadsato. Faarax arrintaas go’aan ayuu ku gaarey, waxa uuna u yeerey Samsara, isaga oo weydiiyey in ay wax talo ah hayso iyo in kale. Waxaa ay hadal daciifa ku tiri “Abboowe wax talo ah ma hayo”. Waxaa uu u sheegay in uu isagu talo hayo, isaga oo ka codsaday Samsam in ay ku raacdo. Samsara, oo aan sideedii hore ahayn ayaa u sheegtay in ay ku waafaqi doonto wax Allaale iyo vvixii uu xal u arko.

Faarax, waxaa uu marka hore aad uga mahad-celiyey sida wanaagsan ee dul-qaadka leh ee ay Samsam ula duubatay, taas oo haddii ay gabar kale ahaan lahayd, ay mar hore ka tagi lahayd. Waxaa uu u sheegay, in uusan abaalkaas hilmaami doonin, taas beddelkeedna uu gartay in uusan wakhti kale ka laayicin Samsam. Waxaa uu u sheegay, in uusan xaalkiisu dawo deg-deg ah lahayn, sidaas darteedna uu fasaxayo waiaashiis, si ay calaf kale u raadsato, isagana uu u raadsado wax Allaale iyo wixii xal u ah cudurkiisa,

Samsam cabbaar ayey aamustay, oo fekertay. Waxaa dhibaya aqbalka soo-jeedistaan iyo kala tagga ninkii ay adduunka u jeclayd, haddana waxaa ay arkaysaa in raeel la joogo uusan ahayn guriga Faarax oo uusan mustaqbal lahayn. Xoogaa feker ah kaddib, waxaa u soo baxday in ay qaadato talo ay mar hore is-weydiinaysey oo ahayd, arraay ku fiican tahay intaas kaddib in aan la isia sii joogin. Markii ay ingooraale rog-rogtay ialadii, waxaa ay la noqotay in ay qaadato taladaas iyada oo tiri “Abboowe, waxa aan ka xumahay qaddarta dhacday, anigu waxa aan horey u go’aansaday in aanan kaa tagin, oo dhib iyo dheefba kula joogo, laakiin haddii aad garatay adigu, dhib maleh, Insha Allah, haddii aan kala tagno, tii walaaltinimo ayaa sii jireysa.”

Halkaas ayaa talada kala tagga la isku af-gartay, iyada oo mid walba ka xun yahay kala taggoodaas. Laakiin misena waxaa dhib noqotay sidii loo kala tagi lahaa iyo sidii waalidka looga dhaadhicin lahaa kala taggaas iyada oo aysan wax dhiba imaan. Samsam ayaa weydiisey Faarax, sida ay suura-gal ku noqon karto kala taggaan, waalidkana looga dhaadhicin karo, iyada oo aan la ogaanin sababta. Laakiin Faarax jawaabta oo saxa uma muuqan markaas, waxa uuna ku soo gaabiyey jawaabtiisa “Abbaayo aan ka wada fekerno arrintaas”.

Waxaa la qaatay wakhti kale oo dheer, waxaana la isugu yimid goglo fara badan, marar badan, iyada oo laga wada hadlayey arrinta kala tagga iyo qaabka ugu habboon ee lagu kala tagi karo, waaiidiintana looga dhaadhicin lahaa, iyada oo weliba laga qarinayo sababta keentay kala taggaas. Samsam ayaa mar soo bandhigtay talo ahayd, in waalidka loo sheego in la heshiin waayey, dhib baddana ay wada-noolaanshaha kala kuimayeen, ayna wacan tahay, in ay kala tagaan. Laakiin taladaasi waa u cuntami weyday Faarax, madaxa ayuuna ka lulay, waxa uuna u arkay mid aan socon karin.

Bil ku dhawaad oo ay arrintaas rog-rogayeen, ayuu Faarax helay talo uu is lahaa waa wanaagsan tahay. Waxaa uu ku fekeray, in arrinta si saxa loogu sheego waalidka, oo aan waxba laga qarin, si markaasi, si calool-fiyoobi ah arrinta ugu dhammaato. Waxaa uu u yeerey Samsam, oo uu weydiiyey wax talooyin ah oo kale, in ay ku soo dhaceen iyo in kale, waxaa ayna u sheegtay in aysan weli waxba haynin. Markaas ayuu ku yiri “Anaa hayee, waana kama dambeyse, ila qaado”. “Hawraarsan” ayey ugu jawaabtay, waxaa ayna ogeyd Samsam in uu Faarax yahay, nin aragti dheer oo taladiisa aan lagu khasaarin, iyada oo marar badanna horay u soo tijaabisay talooyinkiisa.

Faarax waxaa uu yiri, taladu waa sidan: “Abbaayo, waxaan isku barannay si wanaagsan, waxaa ayna eheladayadu isku barteen si wacan, waxaa fiican in si qumman loo kala tago iyada oo ehaladana si saxa aan wax ugu sheegayno, si hannaan calool-fiyoobi ah hawshaan ugu dhammaato”. Waxaa uu yiri, isaga oo hadalkii sii wata “Aniga weeye ninka dhibaatadu qabsatay, anigana weeye ninka talada kala tagga keeney, Insha Allah, aniga ayaana arrintaas si wanaagsan labada reer uga dhaadhicinaya”. Samsam oo taladaas qallafsan ka yaabtay, ayaa haddana soo dhaweysay, oo isaga raacday. Isla markiiba Faarax waxaa uu guda galay qaban- qaabada shir weyne uu u qabanayo labada cidood, isaga oo doonaya in uu si cad ugu sheego arrinta qabsatay iyo xalka sida ay u arkeen isaga iyo Samsam.

Muddo ayey Faarax ku qaadatay ka fekerka qaabkii uu shir ugu qaban lahaa waalidiinta iyo sidii uu uga dhaadhicin lahaa arrinkaan murugsan, waxaa ayna aakhirkii ku soo biyo-shubatay in uu isugu yeero eheladiisa, maalinta Jimcada ee soo aaddan oo ay ka dhimman tahay lix maalmood. Waxaa uu u tagay reerkiisii, waxa uuna u sheegay in guriga la hagaajiyo, lana sameeyo qado-sharaf wanaagsan maadaama uu casuumayo cidda Samsam. Sababta uu u casuumayo ayaa la weydiiyey, uma se sheegine, waxaa uu ku gaabsaday in uu u baahan yahay in iyaga iyo qoyskiisa ay is arkaan. Arrintaas waxaa ay la yaab ku noqotay qoyska Faarax, waxaa ayna garteen in ay wax jiraan, Faarax-na ka caawin la’yahay in ay ogaadaan sababta kulankaas.

Qoyska Faarax, waxaa ay isku diyaariyeen kulanka iyo casuumaadda qoyska Samsam, waxaa ayna diyaariyeen casuumad qiimo badan iyo fadhi-sharafeed heer sare ah, waxaa ayse ka walaacsan yihiin arrinta la isugu yeerayo iyo sababta loo casuumayo reerka Samsam, laakiin waxaa ay u qaateen marti-sharafeed iska caadi ah oo uu jeclaaday Faarax, misena waxaa ay ka shakisan yihiin in ay wax kale jiraan, maadaama Faarax wejigiisa aysan ka muuqan ashqaal farxadeed.

Dhanka kale, waxaa uu Faarax u wacay reerka Samsam, una sheegay in uu ku casuumay guriga qoyskiisa. Uma sheegin sababta casuumaadda, laakiin waxaa ay u garteen wiilkooda oo sharfaya. Dhawr jeer ayey Samsam soo waceen, oo wax ka weydiiyeen kulankaas, laakiin wax faah-faahin ah oo ku saabsan uma sheegin. Waxaa ayna ku soo gaabisaa “Waa casuumaad ka timid dhanka Faarax, isaga ayaana kolley idiin sheegaya ujeeddada casuumaaddaas,”

Waxaa la gaaray maalintii Jimcada ahayd, waxaa ayna qoyska Faarax gurigooda ku diyaariyeen fadhi-akhyaareed iyo marti-qaaad heer sare ah, iyada oo dhanka kalena ay isa soo diyaariyeen qoyska Samsam, waxaana casuumaaddaas ka soo qeyb-galay abtigeed Qase, adeerkeed hooyadeed qaba ee Maxamed Cali, hooyadeed Xamdi iyo Samsam lafteeda. Markii la wada qadeeyey ayaa gogoshii waxaa soo fariistay Faarax abtigiis Saalax, ayeeydiis Nuurto, awowgiis Qaasim iyo Faarax laftiisa.

Labada qoys waxaa ay u qaateen in casuumaaddu tahay casuumaad qoyskii cusbaa samaysteen oo duco ah, maadaama reerku muddo dhisnaa ilaa iyo haatanna aysan jirin wax saansaan awlaadeed ah. Isla markii-ba waxaa la guda-galay sheeko caadiya iyo is-eeg-eegid, oo warkii meesha la isugu yimid ayaa la iska kala dhawrayaa qofkii furi lahaa.

Xoogaa kaddib ayuu Faarax hadalkii furey, waxa uuna yiri “Salaan kaddib, waxaa sharaf weyn inoo ah, in aan maanta kulan heer sare ah la qaadanno aniga iyo Samsam qoysaskeena Sharafta leh. Waxaan xasuusannaa sidii qiimiga lahayd ee aad uga wada shaqeyseen guurkayaga iyo farxaddii aad nala wadaagteen. Waxa aanan marnaba hilmaami karin, sidii aad noo wada taban-taabiseen oo aad uga qeyb- qaadateen dhismaha reerkayaga. Maanta annaga ayaa isugu kiin yeernay, weliba codsigu dhankayga ayuu ka yimid, waxa aana idin kugu yeerney, in aan idin la wadaagno arrimo nagu soo cusboonaaday oo, xalkooda aan isku af-garanay aniga iyo Samsam, in aan halkaan ku dhammeyno.”

Qoysaska labada dhinac ayaa hadba gees isku dhugta, waxaa ayna la yaabban yihiin hadalka Faarax, iyaga oo ay ula ekaatay in dhib weyni jiro, marna hoos ayey fiiriyaan, marna Faarax ayey wejigiisa ku dhaygagaan. Waxa ay sugi la’yihiin biya-dhaca hadalka Faarax.

Faarax oo hadaikiisa sii wata ayaa yiri “Ehelo, arrintaas nagu soo cusboonaatay waxaa ay ka timid dhankayga, waana mid rabbaani ah, oo aan muddo sannad ka badan xalkeeda raadinayey, laakiin ay ii suuroobi weyday in aan helo, meei kastana waan maray. Arrintaasi waxaa weeye, mashaqo aniga iga soo wajahday dhanka raganimada, oo runtii wax xal ah aan u waayey muddadaas dheer, aniga oo marey meel walba oo suuro-gal ah, oo xal laga raadin karo. Waxa aan tagay Isbitaallo badan, waxa aan la kulmay takhaatiir kala duwan, waxa aan tagay xarumaha daawo-dhireedka, waxa aan wax badan la tashaday wax-sheegyo kala duwan, waxaa kale oo aan tagay Masaajid iyo Mawlacyo badan. Intaas oo dhanna wax xal ah waan ka waayey”.

Inta uu hadaikiisa waday ayaa waxaa amakaag qabsaday dhammaan qoysaskii halkaas wada fadhiyey, qolaba si un ayey mucjiso iyo yaab ugu noqotay. Qolada wiilka, waxaa ay la yaabban yihiin arrinta qabsatay wiilkooda iyo waxaa uu ugu sheegi waayey iyaga, inta uusan maxfalkaan imaan ka hor, si ay xal ugu raadiyaan. Dhanka qoyska Samsam, waxaa ay la yaabban yihiin waxaa ay gabadhoodu u qarinaysay mucjisadaan haysatay muddada sannadka ka badan, waxaa kale oo ay la yaabban yihiin meesha facsharka ah ee uu kaga hadlayo Faarax, arrimo gaar ah.

Faarax waa uu sii watay hadalkiisii isaga oo leh “Waxa aan wada tashanney walaashay Samsam, waxaana isla go’aansannay, in intaas ka badan aysan macquul ahayn, in la isla sii wada joogo, wakhtigana la iska lumiyo. Waxa aan talo ku gaarney, in aan si sharaf leh ku kala tagno maadaama aan si sharaf lah isku guursannay. Waxaan isla meel dhignay, in aan eheladayada aan u bandhigno kala taggaan, oo ay si sharaf leh ku ogaadaan. Sidaas darteed, ayaan isugu kiin yeerney, waxa aana rajaynaynaa in aad aqbali doontaan go’aankaas aan wada gaarnay aniga iyo Samsam, soona dhawaada”.

Cabbaar ayaa la aamusay, waxaana la waayey qof hadalka si deg-deg ah u gala. Waa la is fiir-fiiriyey, iyada oo yaab iyo af-maroojis uu qof walba gees ula yuururo. Haddii cabbaar la is eeg-eegayey, waxaa hadalkii ku dhiirraday, oo soo galay Faarax awowgiis Qaasim, waxa uuna yiri “Horta waxaa ay ku fiicnaan lahayd arrintani, inta aysan go’aan gaarin Faarax iyo Samsam, in ay inoo sheegaan, laakiin hadda weli meel fog ma jirto, waxa aan soo jeedin lahaa, in wakhti nala siiyo, oo aan qeyb ka qaadanno xalka arrintaas, oo aan lagu deg-degin kala tagga iyo furriinka”. “Waxaa jirta waayo-aragnimo dheeraad ah, oo aad u baahan tihiin, oo laga yaabo in aan idinka caawin karno, oo arrimahaas la xariira, marka fursad kale aan isa siinno” ayuu hadalkiisii oga baxay.

Waxaa isla markii-ba ku soo booday Faarax abtigiis Saalax oo yiri “Aniga waxa aan ku raacsanahay aabbe Qaasim taladiisa. Yaanan reerka si fudud lagu bur-burin, xaajadaanna waa ugube, xilli nasiiya aan isku dayno in aan ku xallino arrintan”. Waxa Saalax uu ku sii daray hadalkiisii “Arrinta noocaan oo kale ah, ma ahan Faaraxow wax adiga kaligaa kugu dhacday, mar walba wey dhacdaa, laakiin waa la xalliyaa, in badan ayaan laftaydu arkay dad noocaan oo kale noqday, laakiin la-tacaalid kaddib, caafimaaday oo reerkoodii dhaqday.”

Maxamed Cali oo ah gabadha aabbeheeda labaad, ayaa hadalkii ku soo booday, isaguna isla ra’yigaas ayuu qaatay ahaa, in arrinta la baajiyo, loona baaro xal, maadaama ay maanta ka war-heleen. Hadalkiisii isaga oo wata, ayuu waxaa uu sii raaciyey “Gabadhaan Samsama, annaga ayaa kaxaynayna, inta xaalka wiilku caadi uu ka noqonayo, si wadajir ahna looga shaqeeyo caafimaadka wiilkayaga Faarax”. Xamdi oo dhashay Samsam, ayaa iyadu taladaas mid aan ahayn soo bandhigtay, oo iyadu ka naxsanayd rafaadka qarsoonaa ee ay gabadheedu ku jirtay muddadaas dheer, waxaa ayna tiri “Anigu, waxa aan qabaa in arrinta la dhammeeyo, haddiiba Faarax uu in muddo ah raadinayey daaweyn, asii uu ka quustay. Waxa aan ku talin lahaa, intaas in ka badan in aysan wanaagsanayn in mustaqbalka carruurta la isku sii seejiyo!”

Haddii muddo dhawr jeer ah hadalka la isku cei-celiyey oo, taladiina u badatay in furriinka iyo kala tagga uu soo bandhigay Faarax la joojiyo, arrintaanna xal deg-deg ah loo raadiyo, ayaa Faarax hadalkii mar kale soo galay, waxa uuna yiri “Waaliddiin, i dhageysta, arrintaan waxaa ay ahayd arrin aan aniga iyo Samsam muddo ka fekeraynay. Waa arrin in ka badan 12 bilood aan xalkeeda raadinaynay. Waa arrin ay u maara waayeen dhallinyaro aqoonyahan ah oo magaalo ku koray. Sidaas awgeed, waxaan mar labaad soo jeedinayaa in la qaato go’aankaas”.

Dadkii goobta wada joogey ee xal-raadiska ahaa ayaa mar labaad madaxa ka lulay madax-adaygga iyo go’aan-adaygga Faarax, marka laga reebo Xamdi oo hadalkaas naacow qabow ay ku maraysay, maadaama ay iyadu fekerkaas qabtay. Laakiin wax aan la filayn ayaa dhacay! Waxaa hadalkii soo gashay Samsam, waxaa ayna tiri “Waaliddiin, arrintu waa sida uu idiin sheegay Faarax e, waxaan go’aan ku gaarnay in aan hawshaas dhammayno oo aysan wakhti kale isaga kaaya dhumin, sidaas awgeed, waxa aan si wada jir ah Uf codsanaynaa in aad arrintaas nala dhammaysaan”. Waxaa ay hadalkeedii sii raacisay oo aysan isku ogeyn Faarax “Anigu waxaa kale oo aan ku darayaa, in aan ka tanaasulayo meherkaygii oo aan walaaikey u cafinayo haddii uu heio, si uu isugu daaweeyo.”

Markaan xaajo dhabaqday, goobta dadkii fadhiyeyna waxaa ku yeerey wiish, raadaxa ayaana hoos loo wada foorariyey. Markaan yaa hadalka ku hormaraya ayey taagan tahay. Markii cabbaar la is-fiir-fiirinayey kaddlb, waxaa soo boodday hooyada Samsam, waxaa ayna tiri “Ehelo, xaalka waad arkaysaan, ee ha loo fududeeyo dhallinyarada muddada dheer isku dhibbanayd!”. Waa la wada aamusay, laakiin Faarax ayaa mar kale ku soo laabtay, waxa uuna yiri “Waa sida ay sheegtay Samsam, hooyadeedna ku raacdaye, waxaa loo baahan yahay maanta in aan meesha lagu kala tagin iyada oo aan arrintaan la dhammayn”.

Oday Qaasim oo yaabban, ayaa hadalkii qaatay, waxa uuna yiri “Mudanayaal, bal nasuga, Faarax ayaan si gaar ah u wada hadlaynaaye”, waxa uuna bannaanka ula baxay Faarax iyo abtigiis Saalax, iyada oo Nuurtana daba-gashay, oo baxday – si ay fursad u siiso qoyska Samsam – waxaana laga wada hadlay arrintan Faarax uu ku dheggan yahay.

Faarax waxaa uu si wanaagsan arrinta ugu sharraxay awoowgiis iyo abtigiis, waxaa uu wakhti kooban ugu sheegay sheekadaas iyo intii uu meel maray oo uu xal raadiyey iyo sida ay Samsam ula dhabar-adeygtay. Waxaa uu si cad ugu caddeeyey, in uu isagu wanaagsan yahay, laakiin ay arrinta noocaan ahi dhacdo marka uu damco iyada, taas oo shaki kale ku abuurtay. Waxaa kale ee uu u sheegay, in ay tahay go’aan lagama maarmaan ah furriinkaan, oo ay in muddo ah ka wada hadlayeen isaga iyo Samsam, aakhirkiina ay go’aan ku soo gaareen.

Waxaa ay isku dayeen Qaasim iyo Saalax, in ay meelo badan wax ka tusiyaan oo xal laga raadin karo, laakiin waxaa uu Faarax u sheegay, in uu meelahaas oo dhan horay u soo maray, xalna ka waayey, waxaa kale ee uu u sheegay wixii la- tacaaiid ah iyo wixii talo ah oo kale, in uu ka qaadanayo laakiin uu walaashiis doonayo in aysan wakhti kale uga lumin sugitaanka daaweyntiisa. “Bal na sug Faarax” ayuu ku yiri awowgiis, inta gees ula baxay abtigiis. Waxaa ay ka wada sheekeysteen xalka arrinta kala tagga. Wada hadal cabbaar ah kaddib, waxaa la isla qaatay, in lagu taageero talada Faarax, markii ay arrintaan dhammaatana, Faarax ay la- tacaalaan, oo meel walba la maraan sidii uu ku heli lahaa; daawo ka caawisa caniinimada.

Dhanka kale, waxaa iyana fadhigii hoos iskula hadlayey hooyada Samsam, abtigeed iyo aabbaheeda labaad. Waxaa wax la iska weydiinayey arrintaan, waxaa ayna wareysi ugu dhaqaaqeen Samsam. Waxaa iyaga soo kala dhax-galay walaac iyo talo-isku-waafiqid la’aan. Xamdi iyo Samsam waxaa ay isku raaceen in hawshaas la dhammeeyo, halka Maxamed Cali iyo Qase ay ka labac-labac leeyeen go’aankaas, ayna si xoogaa niyad-jabi ku jirto u soo jeediyeen in arrinta la-xaal-mastuuro. Iyaga oo weli taladii isla meel-dhigi la’, ayaa waxaa u soo galay Qaasim, Saalax iyo Faarax.

Samsam iyo hooyadeed waxaa ay ka naxsan yihiin talada ay la imaan doonaan reerka Faarax, oo waxaa wax walba uga daran reerkii ha la isku sii hayo.

Markii ay soo galeen, waxaa hadalkii galay oday Qaasim, waxa uuna yiri “Walaalayaal, annagu waan soo wada tashannay, wax badan ayaan wax iska weydiinney, waxa aan eegnay wax walba oo xalku noqon karo, waxa aan la tashannay oo aan wakhti siinnay Faarax, waxaa inoo soo; baxday in talada Faarax aan qaadanno, oo aan arrintaan sida lammaanuhu ku soo heshiiyeen u dhammayno”.

Hadal kale cidina ma oran Qaasim dabadiis, oo aan ka ahayn: in taladaas uu odaygu soo jeediyey la qaato, waxaa ayna arkeen cidda gabadha, in aysan hadal kale u oollin oo aan ahayn in ay ku raacaan taladaas, waxaana kulankii lagu soo gunaanadey, in markhaati laga noqdo kala tagga Faarax iyo Samsam oo iyadu aan qaadan wax meher ah maalintaas maadaama ay cafisay, waxaana halkaas ku kala tagay labadii reer oo aan maalintaas faraxsanayn, siyaalo kala duwanna u arkay waxa meeshaas ka dhacayey. Waxaa si gaara isku macasalaamaynayey Faarax iyo Samsam oo cabbaar bannaanka isla taagnaa, taas oo ka yaabisay dadkii halkaas joogey. Waa dad kala tagay, misena isla hadlaya oo isku faraxsan, waxaa ayna arrintaasi noqotay mid aan ka go’in uurka dadkii maalintaas halkaa wada joogey. Halkaasna waxaa ku soo idlaaday jacaylkii iyo guurkii Faarax iyo Samsam.

Faarax maalintaas waxaa ay u ahayd maalin murugo, maadaama ay kala tageen xaaskiisii ay in muddo ahna is- jeclaayeen, xoogaa yarna ay jacayl iyo farxad ku wada noolaayeen. Waxaa ay u ahayd maalin nolosha adduunka si un rajo-xumo uga gashay. Waa uu ka xun yahay arrinta dhalisey kala taggaas, laakiin waxaa hiyi-geliyey, oo marar badan maankiisa ka guuxayey in arrintaani ay ku eg tahay Samsam, maadaama marka uu gabdhaha kale kor ka arko uu u hawoonayo, laakiin marka uu arko ama damco Samsam dabka raganimo uu ka tagayo.

Maadaama arrintaan xal loo waayey, waxaa uu Faarax maankiisa ku sii adkeeyey in ay ku eg tahay Samsam, taas oo keentay in uu ka gaabiyo dadaalkii dheeriga ahaa ee uu kula xiriiri jirey takhaatiirta.

Faarax, shaqadiisii caadiga ahayd ayuu iska sii vvatay, oo uu waayadan dambe ka yara caga-jiidayey, taas oo hoos u dhigtay kororkiisii dhaqaale. Waxaa uu sida oo kale bilaabay in uu waxbarashadiisii sii wato. Waxaa uu mar ku fekerey, bal in uu baaritaanno ku sameeyo arrrintaan yaabka leh ee qabsatay; waxa sababa iyo qaababka looga hor-tago, oo uu raadiyo dad waayo-aragnimo dheer u leh arrimaha noocaan oo kale ah, oo ka-talo-bixiya.

inkasta oo uu gaabis ahaa, Faarax ma joojin xiriirkii ka dhexeeyey isaga iyo Nasiib, oo xitaa intii ay is-qabeen Samsam waa ay wada socon jireen, laakiin dhanka guurka iskuma aysan soo qaadi jirin, sababta oo ah, Faarax waa og yahay in aysan Nasiib guur u soo jeedin hadda, ee ay doonayso in ay dhammaysato Jaamacadda, ay hadda sannadka labaad marayso, waxaa uuna sugayey, bal marka ay dhammayso sida xaalku uu noqon doono. Waxaa uu ku fekeri jirey in uu la guursado Samsam, oo uu Nasiib ka dhigto xaaskiisa labaad, maadaama uu aad u jecel yahay iyaduna jeceshahay.

Maadaama ay isla og yihiin in aan guur laga wada hadli karin ilaa ay Nasiib waxbarashada dhammaysato, ayaa xiriirka labadoodu uusan aad dar-dar ugu jirin sannadkii la soo dhaafay oo dhan. Laakiin isaga ayaa mar mar guriga ugu tagi jiray, lana soo sheekeysan jiray. Kuma aysan soo qaadi jirin, in uu xiriiro kale leeyahay, isna uma sheegi jirin oo, lama raadsan jirin xiriirka iyo guurka isaga iyo Samsam.

Faarax, markii ay kala tageen Samsam, dareenkiisii raganimo hawadaas ayuu u kacay. Haddii uu arko gabar iaamiga mareysa, isma celin karo, tiiyoo ay jirto, ayaa soo-jireen badani u sheegeen, in arrinta noocaas oo kale ah raggu dumarka qaarkiis kala kulmaan, oo la kala burji sarreeyo, markaasuu sii aaminay in ay Samsam wax kale weheliyeen, oo uusan gabdhaha kale arrintaas oo kale kala kulmi doonin. Sidaas awgeed, waxaa uu ku fekeray in uu xiriirka isaga iyo Nasiib ka dhaxayn jirey sii laban laabo, si meel wax la iskula dhigo marka ay jaamacadda dhammayso. Waxaa uu ku bilaabay booqasho joogta ah, wicitaan siyaada ah iyo hadiyado aan kala go’ lahayn.

Muddo wada socod ah iyo jacayl isla jaan-qaadey kaddib, I waxaa ay wada go’aansadeen in ay is-guursadaan marka ay | Nasiib Jaamacadda dhammaysato, taas oo ugu eg laba sanoi

XIRIIRKIIIYO GUURKII FAARAX IYO NASIIB

kaddib. Faarax waxaa uu go’aansaday in uu labadaas sano inta lagu jiro uu waxbarashadiisa sii korarsado, ganacsigiisana sii iaba jibbaaro.

Laba sano kaddib, Nasiib waa dhammaysey Jaamacaddii ay dhiganaysay, waxaa ayna ka keentay imtixaankii dhibco wanaagsan oo aad u farax-gelisay iyada, Faarax iyo qoyskeedii dhammaan. Waxaa uu Faarax u sameeyeey saaxiibtiis casho-sharafyo iyo dabdisyo badan oo uu ku maammuusayey farxadda qalin-jabinta Nasiib. Markii ay dhammaatay farxaddii iyo damaashaadkii qalin-jabinta, waxaa wada fariistay Faarax iyo Nasiib, waxaa ayna ka wada hadleen maareynta howlaha guurka.

Labada qoys ee Faarax iyo Nasiib ma oga xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya lammaanahaan. Labadooda, midkoodna iskuma lurin in uu la wadaago xiriirkaan eheladiisa gaarka ah. Reerka Faarax waxaa ayba aamineen in uu Faarax guurka ka irdhoobey, halka qoyska Nasiib-na ayba horay ugala daaleen in ay dhanka guurka ka fekerto, oo waxa ay u arkeen in gabadhaan waxbarasho keliya qalbigeedu galay.

Waxaa ay isla garteen, gorfeyn dabadeed, in ay bil kaddib meherkooda ka dhigtaan, muddo lix bilood ah – oo ku eg Bisha 12aad ee isla sannadka 2013ka – kaddibna ay arooskooda ka dhigtaan, iyaga oo isla gartay ilaa iyo inta aqal-galkooda laga gaarayo in aan la isku soo dhawaan, la istaa-taaban, lagana dheeraado fara-ka-ciyaar sababa in ay xubnahooda taranku is-gaadaan. Markii go’aankaas la isla qaatay, waxaa ay bilaabeen in uu mid walba arrintaan ku war-geliyo qoyskiisa.

Faarax waxaa uu isku taagey orod, isaga oo u tagay awoowgiis iyo ayeeyadiis, isla markaasna ku taabtay arrintii. Wey soo dhaweeyeen, laakiin waxaa ay weydiiyeen in uu is- hubo oo gabadhaas maskiinta ah uusan guri cidla’ ah geyn sidii Samsam oo kale. “May., maya, waan is-hubaa, oo arrintii oo kale dhici mayso Alle idinkl” ayuu Faarax ugu jawaabey, isaga oo hadalkiisaas sii daba dhigay “Awoowe arrintii waagii, shuush ay Samsam wadatay ayuu ahaa ee anigu awalba caadi ayaan ahaa”.

Haddii uu Faarax caabboon yahay, oo dhag la qabto la’yahay, waxa ay qoyskii isla qaateen in hawshaas horay loo galo.

Dhanka kale, Nasiib ayaa ciddeedii la socodsiisay arrinta guurka, taas oo aad loogu wada riyaaqey, gaar ahaan Nasiib abtigeed, oo markii uu maqlay in uu Faarax yahay qofka ay sheegayso Nasiib aad ugu farxay, maadaama uu ahaa wiil uu aad ula dhacay dhaqankiisa iyo dadaalkiisaba, in muddo ahna uu ku qalqaalinayey Nasiib in ay soo dhaweyso, oo ay aayaheeda la wadaagto.

Markii muddada bisha ah, ee ballantu ahayd dhammaatay, ayuu Faarax isku ballamiyey labada cidood, waxaana lagu kulmay guriga Nasiib, si markaas looga doono ciddeeda. Waxaa dhanka Faarax ka socday awowgiis Qaasim, abtigiis Saalax iyo odayaal kale oo qaraabo ah, halka dhanka Nasiib ay ka socdeen abtiyaasheed oo uu Waayeel ka mid ahaa iyo qaraabo kale oo dhanka hooyadeed ah.

Markii gogoshii la isugu yimid ayaa is-barasho la isku bilaabay, waxaana bilaabay is-barashada qoyska martida loo yahay ee Nasiib oo abtiyaasheeed u badnaayeen. Waxaa ay sheegeen in ay yihiin abtiyaasha Nasiib, iyaga oo intaas ku daray, in aabbaha Nasiib uu maqan yahay, oo uu jiro waddanka Keenya . Qoyska Faarax ayaa iyaguna hadalkii galay, waxaa ayna sheegeen in Qaasim iyo Saalax ay yihiin awoowaha iyo abtiga Faarax, dadka kale ee la socdana ay qaraabadooda yihiin, aabbihiisna uusan hadda joogin Xamar.

Waxaa sida oo kale la iska wareysay qabiillada wiilka iyo gabadha la isku meherinayo, waxaa ayna qolo kasta sheegtay in uu cunuggoodu ka soo jeedo Reer Qansax, waxaana mucjiso noqotay in gabadhii labaadna ay Faarax isku hayb noqdeen.

Faarax, qabiilka Nasiib lagu sheegay wax baa ka raacey, waxaana gashay xoogaa yar oo murugo ah. Waxaa uu soo xasuustay guurkii gabadhii hore ee ay isku qolada ahaayeen, waxa uuna is-leeyahay “Armay tanina, tii hore oo kale kugu noqotaa, maadaama xaalku isku sidii oo kale u eg yahay, oo isku qolo aannu noqonay, aabbayaashana ay wada maqan yihiin, vvaa isla sidii tii hore oo kale!”. Walaaciibaa ku sii batay intii sheekada iyo is-wareysigu socday. Meel laga laaban karo ma leh, waxa uuna is-dhahayaa “Caku adiga! Maxaad gabadha markii hore arrimahan u weydiin weyday?” Laakin haddana waxaa uu isku qanciyaa in arrintaasi ku ekeyd Samsam, xaalka Nasiib-na sidaan uu ka beddelnaan doono. Hoos ayuu ka duceystaa, oo waxaa uu leeyahay “Allow arrintii Samsam oo kale ha igu soo celin.”

Markii wax walba la isku af-gartay, ayaa meherkii si sharaf leh uu ku dhacay, waxaana halkaas si wada jir ah loogu duceeyey wiilka iyo gabadha, in reerkooda Alle raajiyo, ubad khayr qabana Alle siiyo, waxaana maalintaas lagu kala tagay damaashaad iyo farxad guur iyo mashxarad dhan walba ka yeereysay. Waxaa ay si gaar ah farxad ugu ahayd lammaanayaashii muddada isku soo samrayey, jacaylna muddo wada naaxinayey, in ay maanta ugu dhammaato guur iyo reyn-reyn.

Guurkaan uma dhicin sidii kii Samsam oo kale, oo meherka iyo arooska w7axaa u dhexeeyey ilaa muddo lix bilood ah. Waxaana arrintaa in ay sidaa u dhacdo keentay Nasiib oo tababarro gaagaaban qaadanaysay iyo Faarax oo dhaqaale aruursi galayey. Sidii lagu ballamey, Faarax lacag raadin iyo kaalo aruusi ayuu galay, Nasiibna si deggan ayey ku bilowday tababarro la xiriirey maaddooyinka ay Jaamacadda ku soo baratay.

Faarax, maalinbaa waxaa qalow ku soo tiri in uu isa sii jitaabiyo inta goori goor tahay, oo Nasiib inta u wacdo la fara-ciyaaro. Markaasuu inta Nasiib ugu yeerey guri will saaxiibkiis ah uu iskaabulo ku ahaa, markii ay u timid, oo la* is-wareystay kaddib, inta u soo dhawaadey isku dayey in uu istiimiyo, markaasey inta ka carartay ku tiri “Walaal Faarax, ma waxaad iigu yeeratay in aad kor-iyo-hoosba iga salaaxdo, oo aad dabadeedna inta dhacanta jabisid aad xoolahayga ku dhex dhacdid!? Miyaadan ballanta iyo wacadka aadan aqoon? Soo kumaannaan heshiin, in aannaan is-taaban oo aannaan isku soo dhawaan inta aan aqal-gelayno? Haddii aad sidaan s wacadkii iyo ballantii uga baxdid, sidee baan kuu aaminayaa hadda kaddib?”. Faarax hadalka Nasiib waa ka murugooday. i waxa uuna ka tirtiray waswaaskii maankiisa qasay. Inta uu raalli-geliyay Nasiib, oo xaal-mariyey ayuu si wanaagsan u soo sagoontiyey.

Faarax, xiriirka isaga iyo Nasiib ka dhaxeeya iyo guurkaba kama qarin marwadiisii hore ee Samsam. Waxaa uu mar walba la socodsiin jirey xaalad kasta oo naftiisa la soo derista. Marka ay weyddiiso xaaladdiisa caafimaad, waxaa uu u sheegi jirey in ay soo hagaagayso, laakiin uu u baahan yahay qof kale oo uu isku tijaabiyo, sidaas darteedna uu xiriirkaan u sameeyey.

Samsam aad ayey arrintaas u soo dhaweysay, laakiin shaki hoose, oo waxaa ku jira ah, in uu mar labaad fashilmo saaxiibkeedii qaaliga ahaa. Mar marna maseyr ayaa gala, oo’ waxaa ayba is-weydiisaa “Waxaa uu adiga kuu waayey halkee gabadhaan uga keenayaa? Ammay ahayd arrin uu doonayey in uu adiga kugu diro?*. Waxaa ayse isku qancisaa in aysan macquul ahayn, in uu sannad ka badan ag jiifo iyada oo og; jacaylkii uu u qabay. “Waxaa laga yaabaa in uu gadaal Alle uga gargaaray oo uu caafimaad ka helay” ayaa mararka qaarna ku soo dhaca, oo uu qalbigeedu ku degaa.

Samsam iyadu waa ay jeclayd in ay guursato laakiin shaki weyn ayaa ka galay guurka, waxa ayna ka baqeysey in ay ku dhacdo mar kale dhibaatadii horay u soo qabsatay oo kale. Laakiin goor dambe ayaa waxa ay is-barteen will dhallinyaro ah, oo aad u soo jiitay oo ay iska heleen. Samsam oo utun hore qabtay, ayaa waxa uu wel-wel ka hayey in uu wiilkaan ka shaqeyn karo iyo in kale. Waa gabar dhawrsan oo fal-fal- xumo, falaad iyo fara-fareyn ma taqaan, ay ku ogaan karto in uu wiilkaani ruxi karo iyo in kalee, laakiin hadda ka hor ayey mar iyada oo dusigii sare dhigata, waxa ay aragtay gabdho isha ku xadayey, oo ku qoslayey wiil meel gaar ah la taagnaa gabar ardayad ahayd, oo intii ay gabadha wada sheekeysanayeen inta dareenkiisii kacay, bahalkiisii oo gacantaas le’eg sirwaalkiisii soo jiiro rabo, oo isna uusan iska war-qabin.

Iyada oo taas maanka ku haysey, ayey markaas waxa ay bilowday, bal in ay wiilkaan qishto oo ugu yaraan marka ay is-shukaansanayaan fiiriso, bal in labadiisa lugood dhexdooda ay ka dareento ammuur dhaqdhaqaaqaya, mise ma leh, laakiin miskiintu ma oga, in ay dhallinyaradu waayadan il-baxeen oo ay barteen candho-ceejiye aan oggolaaneyn in uu cisaiku madaxa la soo kaco!

Iyada oo u malayneysay in uusan waxba isku hayn, ayey misena maalin weydiisey, in uu horay u soo guursadey iyo in kale, markaas buu u sheegay, in uu soo guursadey gabar ay is qabeen sannad iyo badh, oo ay kala tageen. Kolkaasaa waxaa ku soo dhacay qisadii iyada iyo Faarax. Maba weydiin sababta ay ku kala tageene, waxa ay u qaadatay in ay tii oo kale ay ku dhacday, oo uusan waxba isku heyn, dabadeedna teleefoonkii ayey ka dansatay.

Maalin jimce ah iyada oo xaafaddeeda dhex mareysa, ayey aragtay nin xaasle ah oo xaafadda degganaa oo ay taqaanay, oo qamiis bilaa kastuumo ah qabay, oo ay walfanaysey dhalfadiisii, markaas ayey inta ka libiqsan weyday, oo dhareer ka soo daatay, niyadda iska tiri “Allow yaa kan guursada!”.

Arrintani waxa ay ku kalliftay, in ay ka niyad go’do dhallinyaro oo dhan, oo waxa ay hadda raadisaa oo keliya, nin ay hubto oo ah xaas-le carruur soo dhalay, kaas oo ilaa iyo hadda aysan fara-ku-dhigin.

QEYBTA AFARAAD

HANUUNKII DHIMBIL IYO HAWEENKII ISLAAMKA

Dhimbil, markii uu in muddo ah rafaad adduunyo oo aan meei looga ur-baxo lahayn uu dhex dabaalanayey, si kasta oo uu sameeyeyna waxba u hir-geli waayeen, oo uu dar- xurao, laab-jab iyo quus darteed bad-weyntu la caaridey, ayaa maalin maalmaha ka mid ah, Rabbi towfiiqda ku soo duwey.

Isaga oo dukaafad qashin qub ah, oo reera muskood ah, oo uu xalay ku dhacay, inta ka soo toosey ayuu ku waabariistay ciyaal ku ciyaaraya, oo qaarkood biyo ku sayrinayeen. Inta meeshii ka kacey oo jafjaftay ayuu meel darbi ah jardiinkeed fariistay, markaasuu su’aalo badan is-weydiiyey. Waxa uu eegay halkii uu ka soo kacay iyo sida uu ekaaday. Waxaa uu dib u raacey raadkiisii hore; laga soo bilaalo qaxii Xamar ilaa iyo hadda, waxa uuna arkayaa in uu dadaalay laakiin wax kale ay jiraan.

Waa uu fekerey oo, maskaxsiidii ayuu rog-rogey. Waa ay u muuqaneysaa in aysan talo ahayn noloshaan derbi-jiifka ah iyo balwaddaan ninkeed-dishada ah. Waxa uu hadba talo gorfeeyaba, waxaa ugu dambeyntii u soo baxday, in aan adduunkaan-ba – wixii hadda ka harey – sidii uu rabo uusan ka helayn, is-raacsiin dambana waallidaan mooyee aysan waxba ka soo raaceyn. Waxaa uu goostay in uu aakhiro xasuusto oo uu Diinta Islaamka barto, isla markaasna Masaajidka uu ku aruuro. Si taasi ugu suuro-gashana, waxaa ay la noqotay in uu inta ku laabto, uu ka Xereysto Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab, gaar ahaan Xagardheer, halkaasna uu noloshiisa inta ka dhimman uu ku qaato, inta uu waddankii Soomaaliya ka xasilayo.

Kama laba-labeyne, waa uu ka soo dhaqaajiyey Nayroobi, waxa uuna soo istaagey xerada Xagardheer ee Dhadhaab. Sidii uu ku soo tala-galayna, waxaa uu isla markiiba ku biirey Malcamad, waxa uu sidaa oo kale galay Masaajid uu markaas ka bilaabay in uu Kitaabbada ka raacdo. Runtii aad ayey u soo dhaweeyeen wadaaddadii baraarugga, aad ayeyna u gacan-qabteen, oo quud iyo qaaraanba waa la garab-galeen. Toddobaadyadii horeba, waxaa soo galay iimaan uu ka dheefey bilowgii barashada Qur’aanka iyo ku taxnaanta Masaajidka iyo khayrka. Waxa uu ka go’ay qaadkii, sigaarkii iyo baiwaddii oo dhan. Waxaa uu galay nolol macaan oo raaxa leh, waxa uuna u dhexeeyey guri uu soollane ku ahaa, Dugsiga Quraanka iyo Masjidka.

Hadda waa liibaaney, waxaana soo laabtay muuqiisii iyo midabkiisii saxda ahaa, waxaana ka muuqda deggenaan, nafis iyo qanaaco. Waxa uu noqday wadaad ay weliba ka muuqato sunnadii, isaga oo ku labbista qamiis hoos ka gaaban, koofiyad cad iyo cimaamad guduudan, waxa uuna gacanta midig ku qaataa kitaab baal-cad. Waxa uu la baxay gar dheer, isaga oo shaarubkana xiira. Jeebkiisa lagama waayo cadey, Xabbad-Sowda iyo Malab, isaga oo rukuntay Xulbad iyo Xiidiid iyo subagga wananka jabsaday. Cuntada, haddii uu waayo Kirish-oo-mirish xiidmo ku duuban yahay, ma riiqo hilib aan baruur lahayn. Ma aqaan duulal iyo waxa uu qabi jiraye, shaahu haddii uusan dhireysneyn, oo qacda horeba caraftiisu aysan qaadin, kuma saqajaamo.

Markii uu xoogaa xaddiisyo ah iyo ayaado Qur’aan ah xafidey ayuu bilaabay in uu waajibka saaran uu guto, oo uu wacdiyo dadka oo uu dacwo-shaaricyo qabto, waxa uuna dadka kala hadlaa wax-yaalaha munkaraadka ah. Meesha uu ka qalin- daartay ayaa saas ahayde, waxaa uu dad ugu nicib yahay Culimada Suufiyada, waxaa uuna u arkaa dhaqankoodii oo dhan khuraafaad, kitaabbada ay akhriyaanna waxa uu ka aamisan yahay in ay yihiin farac aan asaika raad ku lahayn. Haddii uu arko wadaad suufiya oo raeel fadhiya, haadku ugama soo dego, oo muran iyo qabqab ayuu la galaa. War si kale kuma garatide, haddii uu Shiikhaan cusub tegi lahaa Galgaduud, waxa ay reer Galgaduud ku xaman lahaayeen in uu yahay “Bidci ay qoyan tahay shaabbaddii uu Hanferi gadaal uga soo dhuftay”.

Waa nin sidii uu Malab, Xabbad-Sowda, Xulbad iyo Xildiid isugu wadey nololi soo gashaye, waxaa kaa-kacdey shahwo kal hore ku qallashey, waxa uuna arkay isaga oo xakameyn waayey dareenkiisii. Waa nin ay hadda hawo dumar iskala aalli waayaye, waxa uu ka fekeraa sidii uu gabdhaha asturan uga dhex qaraaban lahaa maadaama uu niceb yahay kuwa caariyaadka ah, laakiin misena weligiis gabar wadaad ah lama sheekeysan, mana yaqaan habka loo xod-xodto e, waxa uu markaas bilaabay in uu u dhabba-galo qaabka guurka wadaaddada. Waxaa uu arkay dhallinyarada wadaaddada ah oo iyaga oo aan waxba haysan iska guursada, oo ayaan kasta hadba aroos gala. Waa uu la yaabey, waxa uuna wareysi ugu dhaqaaqey dhallintaas wadaaddada ah.

Koox wadaaddo ah oo Masjidka afaafkiisa xilqo u fadhidey ayuu ka wareystay arrimaha guurka. Inta soo dhaweeyeen ayey si fiican uga sheekeeyeen gabdhaha walaalaha ah ee muxajibaadka ah; wanaaggooda iyo qaabka loo guursado.

Iyaga oo wax-yaalo badan tusaaleynayey ayaa waxa ay hadalkii nuxurkiisii ugu soo koobeen sida tan “Akhii Shiikh Dhimbil, horta gabdhaha Muslimaadka ah ee maqabiyaadka ah, guurkoodu waa fudud yahay, oo shuruud ma leh, oo xitaa shukaansi uma baahna. Markii wadaad aad rabtid aad la kulantid, waxa aad ku leedahay oo keliya ukhti naftaa ku jeclaatay. Waa ay ku fahmaysaa kuna soo dhaweyneysaa, markaas waxa aad ka wada hadlaysaan qaabka guurka. Markii aad isku-fahantaan, waaridkeed ayaad ka dooneysaa. Haddii waaridku ay diinta yaqaanaan wax shuruud ah kugu xiri maayaan, haddii ay yihiin caamo gabadhaha iibsata, oo ay kugu adkeeyaanna, u joojin meyside, adiga ayaa iska mehersanaya, iyaga oo indhahoodu shan yihiin.

Meher dhaqaale badan kugu xiri mayso e, Kitaabka Qur’aanka ah ayaad ku xalaalaysaneysaa. Markii aad guursato, aroos uma baahnee waxa aad u galbisaneysaa – adinka oo haddii aad rabtaan lugeynaya – qolka aad hadda deggan tahay, waxa ayna kugula jiifsaneysaa waxa kuu yaal – waa dar Alle iyo derinta e – waxa aad hesho ayeyna kula quudaneysaa. Haddii aad nacdid, waxa aad ku leedahay ukhtii naftiibaa ku nacdey. Inta wixii ay la timid qaadato ayey ku leedahay, akhii Allaha adna guur ay naftaadu ku qanacdo ku siiyo anna sow] kale ii sahlo, cafis ayeyna kaa weydiisanaysaa wixii gef ah ee ay kuu geysatay intii aad wada nooleydeen.”

Ninkii Dhimbil ahaa inta yaabey, oo fajacay oo u qaadan waayey, ayuu waxa uu wadaaddadii ku yiri “Akhwaanii waad mahadsantihiin, wax aan caadi ahayn ayaad ka sheekeynaysaan, haddii aan sidaan ogaan lahaa waa hore ayaan culimada ku soo biiri lahaa!”.

Dhimbil, warkii wadaaddadii waa ka helay, waxa uuna bilaabay in uu goobto gabdhaha xijaaban, sababta oo ah, Shaydaankii isha caddaa ayuu ka nicib yahay gabdhaha caariyaadka ah, qurux kasta oo ay leeyihiin. Laakiin odaygu ma oga in waayadaan dambe, gabdhuhu -noocey doonaan ha ahaadeene -xijaabka wada qaataan. Maba ka war-qabo oraahda caan-baxday ee ah “Indha qariso, shansho feyddo”. Gabadhii indha-shareer qabtaba wadaad ayuu u maleeyaa, markaasuu la-galaa erayga ukhtii naftaa ku jeclaatay iyo erayo kale oo carabi u badan oo xilliyadan dambe afkiisa aad ugu batay. Kolkaasuu dhawr jeer la kulmey gabdho indha- shareeran, oo inta is-fahmi waayeen balaayo kala raacdey, maadaama ay ahaayeen gabdho YooYoo ah, laakii indha- shareerkaas u xirtay dano iyaga u gaar ahaa.

Waa dambe oo uu wareerey ayaa wadaaddadii saaxiibadiis ahaa – oo dhibaatada qabsatay uu la wadaagey – u sheegeen in indha-shareerka la wada xidho, laakiin gabdhaha wadaaddada ah ay kaga duwan yihiin kuwa indha-shareerka jaakiraadda iyo qishka u qaata, dhanka xijaabka. Kuwa wadaaddada ah waxa ay qaataan xijaab karbaash ah, oo jirkeeda meelna uusan ka sawirrai kareyn, oo misena dhulka xaaqaya, halka kuwa kale ay ka qaataan xijaab jilicsan oo moodo/faashiyoon ah, oo ku dheggan, oo gaaraya ilaa iyo barida iyo goonno fudud oo nab ku ah ama mid khafiif ah oo qeybaha dambe shabaq ku leh, taas oo ragga dumarka fiir- fiiriya ay isha kaga raaxeysan karaan. Dhimbil waxaa isla markiiba shaki uu ka galay naag Karbaash qabta sida uu muuqaalkeeda ku ogaan karo, taas oo ay wadaaddadii ka shaafiyeen, una sheegeen in gabadha markii uu la sheekaysanayo, marada meelo iska feyd uu dhihi karo, iyadana ay yeeleyso.

Isaga oo markaan wax badan ay u baxeen, oo sidii naaga- goob u ah, ayuu maalin gabar yar oo wadaad ah, oo jirtay 19 sano, oo aan weli la-food-goyn la kulmey. Inkasta oo uusan muuqaalkeeda duleed la dhicin, haddana waa wadaad ay ku gorortay, oo gabdho kale goobiddood kuma simi karto. Waa ay is fahmeen markii ay afka akhwaanka iskula hadleen. Sheeko-dheer maba jirine, ciddeeda oo dad wanaagsan ah – oo ay gabadhu hore u soo tallaashey – ayuu ka doontay, taasoo ay iyaguna si sharuud la’aan ah ugu meheriyeen.

Qolkiisii yarka ahaa oo shumac iyo laba joodari oo cusub iyo dhawr shay oo maacuun ah lagu soo siyaadiyey ayuu inta la degey, waxa uu bilaabay in uu la biqleeyo wadaaddii dhasha ahayd, waxa uuna isaga rogey xammuulkii dhabarka ka saarnaa oo uu waayadan la dhaqaaqi la’aa, iyana waa ay moqor dheerayde, qalab-dameerkii uu walwaalayey raaxo iyo baashaal wax aan ka ahayn karna qaadin.

Markii horeba qaab-dhismeedka kuma jacsaneyn, oo waxa uu is-lahaa qoftaan ayaan ku qashar-baxe, markii uu muddo dhawr bilood ah uu haystay ayey u soo urtay. Sida uu xeerka xarakadu ahaa, ismaba dhibine, inta siiyey Kitaabkii Qur’aan ahaa ee uu ku mehersadey ayuu gabadhii ku yiri “Ukhtii Xaddiyo, waan ku furey, wax kalena ma jiraane, ukhtii naftaa ku nacdey”. Iyada oo arrintaas filan-waa ay ku noqotay ayaa si qalbi-jabi uu ka muuqdo u tiri “Akhii, maxaad tabtay oo aad igu dhibsatay, ha I furin akhiiyoow, waxa aad rabtid oo dhan, oo gabar raalliyo ah laga rabo waan kuu sameynayaaye, ii sheeg khaladkaan galay, waan beddelayaaye. Akhii, waan ku jeclahaye, oo waxa aad I bartay meel kale kama heli karee, akhiiyow ka laabo furriinkaas”. Maba naxayee, waxa uu ku yiri “Ukhti, qof kaa wanaagsan wallaahi ma arag, oo kaa raalliyeysan, laakiin ukhtii, maxaan sameeyaa naftiibaan ku oggoleyne”.

Cabbaar ay wada hadlayeen, oo iyana ay cataabeysey, isna fursad siin waayey, waxa ay howshii ku gebo-gebowdey in uusan ku noqon. Halkaas ayeyna ukhtidii xafashkeedii ka guratay, iyada oo ka xun furriinkaas, kana samri la’ dhadhamadii uu barey iyo jugeyntii joogtada ahayd ee meelaha fog soo xogaysey!

Dhimbil, markii uu laba iyo saddex gabdhood oo wadaaddo ah ka tuurey, ayuu ku il-baxay dhaqankaan cusub, waxa uuna bilaabay in uu suul-jaawiyo, oo uu howlihiisii waayo- waayo dib ugu laabto!

Isaga oo ugaarsanaya, ayaa maalin isaga oo meel dugsi Quraan ku yaalley ag marayey, waxa uu arkay gabar 17jir ahayd, oo markii indha-shareerkeeda uu indheheeda iyo sankeeda ka dhex arkay uu qiyaasey in ay qurxan tahay, isaga oo markii horeba la dhacay dhirirkeeda. Xiriirro uu la lahaa gabdho kale oo wadaaddo ah ayuu inta goobtay, ka codsadey bal in ay gabadhaas uga soo warramaan. Markaasey inta raadiyeen uga warkeeneen gabadhii, waxa ayna u sheegeen in uuba dhalay Shiikh Maxamed, oo masaajidka uu ku xiran yahay ku taxan. Shiikhii ayuu inta raadiyey gabadhii weydiistay. Waxa uu ahaa wadaad jecel culimada e, maba dhicine waa soo dhaweeyey. Inta wadaadkii gabadhiisii u tagay ayuu u sheegay in uu Shiikh la yiraahdo Dhimbil ku darayo. Waxa ay ahayd wadaad, misena dhal culimo ehe, abbaheed war kuma soo celin, markaasaa lagu xidhey Shiikh Dhimbil.

Dhimbil, waxa uu reerkii iyo gabadhiiba ka codsadey in uu gabadha guri geysanayo 10 beri kaddib. Waxa uu sidaas u sameynayey, waxa ay ahayd, waxa u joogtay qolkiisii yaraa wadaad xogaa yara weyneyd, oo xasul kuus ah, oo salka iyo dhexdaba u ballaarneyd, oo uu soo guursadey saddex bil ka hor, waxa uuna doonayey in uu inta furo, uu middaan qolkii geysto. Isla muddadaas uu qabsadey gudahood ayuu middii guriga u joogtay kaga takhalusey, inta ku yiri “Ukhtii Xabiibo, naftiibaa ku nacdaye, waad iga furan tehee, guriga ii firaaqee fadlan”.

Markii uu qolkii ka soo hurguftay ayuu gabadhii reerkii ka soo kaxeystay, markaas ayuu geeyey qolkii oo uu u yaalley aqal lac ah, oo uu horay ugu soo gaday middii weynanka badneyd, labacda ahayd ee jirkeedu laalaabka badnaa ee uu 10 beri ka hor furey. Halkaas ayuuna ku galay damaashaad kale.

Waa nin aan balwad kale lahayn, oo aan fadhi-ku-dirir iyo meelo kale aadine, waxa uu u dhaxeeyey masaajidka iyo gabadhaan. Inta yar ee uu masaajidka jiro mooyee, inta kale gabadhaan nacnaca ah ayuu dul yuururaa. Toddobaadkii koowaadba, gabadhii waa kici weyday, sababta oo ah, sidii uu u garaacayey buu salkii ka ridey. Toddobaad-yadii kale ee xigeyna, dadkii oo dhan ayaa dareemey in ay miskihii kala dhilqadeen oo ay luujo yeelatay. Wadaaddaan oo la yiraahdo Suubban, runtii waa u adkeysan weyday ninkaan iyada shaqada ka dhigtay, ee aan daaleyn.

Sidii naag wallacsan oo kale, matag ayaa ku soo joogsada markii uu u soo uro shiirka iyo shurufka Xulbadda, Xildiidda iyo Xabbad-Sowdada Dhimbil jirkiisa ka soo kakamaya, oo qolka oo dhan hal mar wada saaqda raarka uu soo galo. Inkasta oo ay yar tahay, cilmi-dhagood kuma yara e, waa og tahay in Xuibadda, Xildiidda iyo Malabku ka qeyb-qaateen musiibada haysata. Dhawr jeer oo ay damacdey in ay muddaawaadkaas ka goysana waa ay ka samirtay.

Si ay iska yeesho markii ay aqoon weyday ayey go’aansatay bal in ay iskala hadasho, waxa ayna habeen ku tiri “Akhiiyoow, waxa aan kaa codsanayaa in aad hal shey ii sameysid. Akhiiyow, waxa aad ii dhibtay galmadaada aan kala joogsiga lahayn, xanuun badan ayaana hoos ka dareemayaa. Akhiiyow, Allaha khayr ku siiyee, waxa aan kaa codsanayaa, bal in aad iga kala yareyso, oo halka habeenkii iyo maalintii aad ii tagtid 12ka jeer aad iiga dhigto lix goor”. Suuye “Ukhtii, maxaa kugu dhacay, adigu gabar yar baabad tehee, intaas ka badan ayeyba gabdhuhu jecel yihiine, adiga ma dareen la’aan baad tahay. Ukhtii, waa igu dhib in aan ka dhigo inta aad sheegaysee, waxa aan kaa dhimayaa saddex, oo waxa aan kuu tagayaa habeenkii iyo maalintii sagaal goor iyo marmarka aan adkeysan waayo”. Inta is tiri “Intaanba waa nafis iyo naruuro” ayey tiri “Haye”. Laakiin sidii ay ballantu ahayd uma sameyne, inta is illoobo, ayey mararka qaar aragtaa isaga oo intii hore ku sii dhaw ama sii dhaafi raba!

Suubban waxa ay xaqiiqsatay markaan, in uusan wadaadkaan ballan iyo gorgortan arrintaan ka geli karin, isla markaasna niikadiisa rakaadka ah iyo lugtiisa saddexaad aysan u adkeysan karin, waxa ayna ka fursan weyday in ay arrintaan dumar kala tashato. Inkasta oo ay ka xishootay in dhibaatada haysata ay waaridkeed u sheegato, laakiin gabdho wadaaddo ah oo saaxiibbadeed ah ayey ku xan-qarsatay, markaasey in ay uga garaabaan iska daaye, waxa ayba aragtaa waxa ay ka cabaneyso kuwo u haamaansanaya, oo jecel in ay sheekadaas ku cel-celiso iyo kuwa kula taliya in aysan fursadda dahabiga ah ee ay haysato iska lumin.

Iyada oo u dhaw in ay isku furanto, kana quusatay socod dheer, ayey maalin ia hadashey gabar walaalsheed ah oo Yurub joogta, oo ay wax walba uga warrantay, markaasey f inta ka naxdey walaasheed, oo yaabtay, kula talisey in ay ka I soo cararto Malakul-Mowdkaas, iyada oo aan cidna u sheeginna Nayroobi ay timaaddo.

Maalintii ku xigtayba ninkeedii oo salaaddii duhur ku maqan inta dharkeedii aruursatay ayey ka carartay oo ay isku sii deysey Nayroobi inta gaari ka raacdey Xagardheer, iyada oo muddo yar kaddibna ka sii aaddey Suudaan, halkaasna inta ka sii tahriibtay, Boqortooyada Ingiriiska ka sii gashey. Ayaan dambe ayaa Suubban waaridkeed ka furteen Dhimbil, kaddib f markii Suubban oo Ingiriiska joogta ay qoyskeeda ku cadaadisey.

Suubaan, iyada oo horay u sasneyd ayey waa dambe waxa ay maqashey oraah dhaheysey wadaad waa nin, markaasey- inta oraahdaas u qaadatay in wadaadku ragga kale ka khatarsan yahay, ayey aw-cimaamadle iyo koofile oo dhan ka qawaaftay!

Markii arrintii ay Suubban la-carartay ay shaac noqotay ayaa gabdhihii wadaadda ahaa oo dhan saf u soo galeen Dhimbil, sidii ay mid walba u lahayd waxa ninkaas ay gabadhu uga carartay aad aragtid. Markaasuu isna waxa uu bilaabay in uu beerka ka wada cakiso.

Halkaas ayey uga bilaabatay tamashleyn guur oo ka macaan kii beri-samaadkii uu samayn jirey, waxa uuna dhawrkii: biloodba galaa aroos qiima jaban, oo si fududna uu ku guursado si fududna uu isku dhaafiyo, markaasaa bataashka uu ku jiro darteed, inta guduutay ayuu dhogor-dhacsadey. Illeen guurka gabdhaha yar-yar waa daawo qarsoon oo u dhow in ay xitaa gabowga baajiyo!

Isaga oo nimcadaas iska daaqaya, barwaaqadaasna iska dhuuqaya ayaa ayaan uu iska cosobsanayey, maalin isaga iyo laba wadaad oo kale inta dool ku tageen xaafad ka mid ah Xagardheer oo ay dacwo-shaaric ku soo qabanayeen, ayuu halkaas ku soo arkooday gabar qoor ahayd oo tiirkaas la’eg, dabadeedna uu ganta soo surtay. Waxa ay ahayd gabar wadaadnimada ku cusbayd oo mar dhow xaqa fahantay, oo 21 jir mar guur soo martay ahayd, lana baxday Uramu Axmed. Waa gabar manhajka ku cusube, waa ay la fahmi weyday markii hore qaab-shukaansiga wadaaddeed ee uu ninkaani isticmaalayey. Laakiin mar dambe oo uu isagu ogaaday qoftaan in ay saxwada ku cusub tahay ayuu sheekooyinkiisii hore xoogaa ka soo amaahday, markaasey inta is-fahmeen, aad isugu baxday.

Dhimbil markii hore waa uu ka helay qaab-dhismeedkeeda jireed, laakiin markii dambe oo ay indha-shareerka iska feyddey si uu u arko wejigeeda, ayuu markii uu fiiriyey ku qanci waayey sida uu u yaallo, sababta oo ah, waxa ay ahayd qof weji kubbad ah leh, indho yar-yar, koodad kuukuusan, kamas leh, san-ku-dulweyn, oo misena qal dheer, laakiin aad buu u macyahay qaab-dhismeedkeeda kale. Mar ayuu is yiri “Qoftaan inta iska guursatid weligaa indha-shareerka ha iska bixin ma tiraahdaa”, laakiin misena waa geli waydey taladaas, waxa uuna go’aansaday in uu iska daayo xiriirkeeda.

Ma taqaan erayga Ukhtii naftaa ku nacdey iyo erayo- wadaaddeedka kale ee dumarka la isaga reebe e, liifadda ayuu u gaabiyey, waana joojiyey la xiriirkeeda, laakiin iyadiibaa nafteedii raacday oo ka hari weysey. Ayaan markii uu ku wareerey la soo xiriirkeeda, oo si uu sameeyana uu garan waayey ayuu -xariif hore buu ahaaye – u dagay jar uu isaga reebo. Waa yaqaan shayga rag iyo dumar xiriiriye e, halkaas ayuu ka abbaaray.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu gurigeeda ugu tagay, oo sidoodii wada fariisteen ardaaga guriga. Markii xoogaa la wada joogay ayuu u sheegay qiso ku dhacday oo uu muddo ka qarinayey, waxa uuna ku yiri “Ukhti, Umu Axmed, runtii qof sharaf leh ayaad tahay oo aan jeclahay, laakiin waxa jirta arrin aan ka baqayo in aad iiga tagto haddii aan kuu sheego”. Inta hadalkii ka dhex-gashay ayey tiri “Akhii, wallaahi si dhab ah ayaan kuu jeclahay, wax walbana jacaylka aan kuu qabo ayaa igu kallifaya in aan u dul-qaato, ee ii sheeg arrintaas”. Inta hadalkii ku soo laabtay ayuu ku yiri “Waad ku raahadsantahay ukhtii, waxa aan doonayo in aan kuu sheego waxaa weeyaan, dagaalkii Xamar ka dhici jirey 1991kii ayaa maalin aniga oo raarayey is-goyska Hawl-wagaad, xabbad wiifta ah igu dhacday. Xabbadu meel kale iigama dhicine, waxa ay iga gaartay xubintii taranka, oo qalabkeygii dhirirka badnaa ayey bar jartay. Marka, maalintaas ayaa iigu dambeysey cisal kacsada. Hadda waa meyd oo kale oo kaadida keliya ayuu mululuq siiyaa. Qof aan la sheekeysto adiga ayaa iigu horreysey, intii ay arrintaani igu dhacday, marka waadayan oo dhan waxa aan isla lahaa armuu xitaa xoogaa yar dhaq-dhaqaaqaa, laakiin rna leh, marka waana ku « jeclahay, arrintaasna waa I haysaa, ee sidaas ma igu qaadan kartaa, kolley nin xariif ah ayaan ahay oo qaabab kale oo aan kugu qancin karo ayaan sameyn karaaye?”.

Inta gacanta afka dul marisey, oo asiga oo arkaya is- beddeshey ayey tiri “Alle akhii, wallaahi waa musiibo, laakiin waa qaddar Rabbi keenay, oo in lagu samro mudan. Akhii, anigu waan ku garab-galayaa, jacaylkaanna waan kula wadayaa”. Markii uu hadalkii u dhammaaday ayaa la kala tagney iyada oo farxaddii uu uga tegi jirey aysan ka muuqan. Maalintaas wixii ka dambeeyey, teleefoonkiisii ma aysan soo garaacin, taleefoonkeediina kama aysan qaban.

Markii uu ayaan waayey ayuu isagu gurigeedii aadday. Markii uu tagay ayuu albaabkii garaacay. Waxaa ka furtay gabar walaasheed ah oo ka yar, oo horay dhawr jeer uga furtay. Waxaa uu yariistii ku yiri “Ummu Axmed ma joogtaa?”. Ileen Ummu Axmed meel albaabka u dhaw ayey dhar ku war- waraneysaye, markii ay hadalkiisii maqashay ayey gabadhii oo u dhaweyd ku tiri “Naa ma joogto dheh” iyada oo hoos u hadlaysey, laakiin uu maqlayey, markaas ayey gabadhii, Dhimbil ku tiri “Ummu Axmed ma joogto walaal.”

“U sheeg abbaayo, in aan u imid” ayuu gabadhii ku yiri “Haye” inta tiri ayey albaabkii xirtay. Isaga oo aan weli dhaqaaqin ayuu hadalkeedii Umma Axmed sii maqlayey iyada oo gabadhii ku dhaheysey “Maa balaayo la-tegga koranka ah, oo ilaahey I dabada dhigay mar dambe albaabka haka furin”. Halkaas ayaana isaga iyo wadaaddii cusbeyd ee Umu Axmed ahayd isugu dambaysey.

Dhimbil oo nicmatul-fushuuqaas – shan qabo oo shan sii daa ah – isaga jira, ayaa maalin uu xerada dhex marayay, waxa uu soo arkay wadaad da’weyneyd uu u ekeyd in ay markaas ka sii bixinayso, oo dukaan ganacsi yar oo kala socda haysata. Qocda hore ayuuba ka fahmay in ay tahay noociisii oo cuslaatay. Kama dayrine, waxa uu is yiri qoftaan ayaan u ruubaa-raqee. Inta bartay ayuu dukaankeedii cagta ku bediyay. Waxa ay ahayd islaan garoob ah, oo la yiraahdo Xamiido Yuusuf Xarbi, oo haysatay laba carruur ah, ganacsi yarna ku leh xerada Xagardheer.

Maalmihii hore ee uu wiidaysanayey, waxaa uu doonayey in uu ayaan lag iyo lug isku haysto, laakiin jaanno aduun oo aan ka soo laabasho lahayn buu galay! Runtii barashadeedii hore aad ayuu ula dhacay, muddadii yareyd ee ay ka wada sheekeysanayeen in ay isku-weysa-dhawrtaanna aad ayuu u jeclaadey, markii uu guursadayna nolol macaan oo uusan weligiis arag ayuu galay.

Xamiido, waxa ay ahayd islaan wadaad ah, oo aad isugu taqaaney Diinta Islaamka iyo Maaddigaba. Waxaa kale oo ay ahayd qof il-bax ah, oo xoogaana soo nooleyd wax badanna soo akhrisey, markeedii horena u dhalatay garasho iyo garaad. Markii ay is-guursadeen Dhimbil, waxa ay gebi ahaanba wax ka beddeshey qaab-nololeedkiisii. Waxa ay siisey daruus badan oo ku saabsan Diinta Islaamka, maaddaama uu la mid ahaa tanag xoogaa qaruux ah inta lagu shubay, dabadeedna afka inta laga xirey, la ruxey. Waxa ay u sameysey Maktabad ay Kitaabbo, Canjlado, CDyo iyo Buug ka buuxaan, si ay aqoontiisa Diineed iyo middiisa Maaddiba u kobciso.

Sidii ay cilmi, aqoon iyo tusaaleyn ugu waddey ayey aad u dhistay maskaxdiisii, taas oo gaarsiiyey in uu noqdo wadaad ay aqoontu ku degto, miisaaman, oo xikmadi ku soo duxdo, oo wax walba dhanka wanaagga ka eega. Waa uu joojiyey jaq-jaqdii, qalow-qaiowdii, suufiyo-caygii, sal-fudeydkii, seef-la-boodkii, xukun-deg-deggii, iabbis gaar ah ku- qallalkii iyo dumar-baacsigii, waxa uuna noqday wadaad fekera oo fogaan-arag ah.

Dhanka jacaylka iyo nolol-wadaagga, Dhimbil, waxa uu u qaaday Xamiido Jacayl uusan weligiis qof dumar ah u qaadin. Wax maskaxdiisii oo dhan baddelay ayuu ku arkay Xamiido. Markii uu guriga imaanayo, dadka xaafadda jooga oo dhan ayey ogeysiis ku siisaa in uu imaanayo Boqor Samatar, markaasaa dadka oo dhan guryahooda galaan. Marka uu guriga soo galo, Dhimbil waxa uu la kulmaa Xamiido, oo sidii ay isku buraashaysay nal u ekaatey, oo qolka illinkiisa taagan, oo u diyaarisey dharkii guri-joogga, oo aad u nadiifsan aadna u catarsan, isla markaasna iyada ayaa ka siibta dharka uu qabo, oo kay u diyaarisey u gelisa, waxa ayna u sii galbisaa Suuliga, oo biyo iyo agabkii qubeyska oo dhan ugu diyaarsan yihiin. Keligiis ma jecla in uu Suuliga gala e, inta xoogaa yar kaddib, ka daba-gasho ayey si wanaagsan ugu soo dhaqdaa.

Markii uu ka soo baxo, waxa loo galbiyaa qolka fadhiga oo cunta macaan oo dookhiisa ah loogu diyaariyey. Ma oggola Xamiido in uu cuntada gacanta la galo, iyada ayaa gacanteeda cuntada ku siisa, inta ay cuntada siineysana uga sheekeysaa qisooyin maad iyo macaanba leh, oo ay maanta oo dhan ka fekereysey. Markii uu dhargo, dhanka qolka jiifka ayey u soo gelbisaa, oo qumqumka iyo cuudka ka soo karaya aan laga sheekayn karin, waxaana halkaas ugu diyaarsan kursi boqoreed iyo biya qandac ah, oo ay lugaha u geliso si uu caajiskii iyo daalkii uga ba’o. Kaddib sariirta ayey inta marna dhabbac marna dhacdiid ugu seexiso ayey kareemo nooc-ba-nooc ah, ugu duugtaa.

Markii uu daal-dhaco ayey weydiisaa in uu nafteeda u baahan yahay iyo in kale! Haddii uu u galmoodo, marka uu cisalkiisa ka soo siibo, inta soo baxsato maro khafiid ah oo barkinta hoosteeda ugu jirtay, ayey kaga tirtirtaa cisalkiisa xunbadii ka soo raacday xurbintiisii. Markii ay toosineyso, hadal kuma kicise’e, salaax naxariis badan ayey ku toosisaa. Marka uu baxayo, iyada ayaa u doorta dharka uu qaadanayo, iyada ayaana u labbista, dabadeedna garka iyo madaxaba inta u saliideysa u feedha, indha-kuulna xirribaha iyo sunniyahaba u marisa, una xidha kabo ay si wanaagsan ugu baalashtay. Isaga iyo carruurtii, jacayl ayey ka dhex abuurtey, mana kala seexdaan, mana kala tagaan iyaga oo aan dhabannada iska shumin.

Waa hore ayaa ugu dambeysey ciddiyo uu iska guro iyo bisqin uu iska xiiro, iyada ayaaba aamisan in ay shaqadaas ku janna-tagayso oo howl ka dhigata. Goormaa ugu dambseysey dhar uu suuqa ka soo gato? Iyada ayaa inta suuqa aadda hadba sheyga qurxoon ee ku soo baxaya u soo iibisa. Maalintii in ka badan 10 jeer ayey wacdaa si ay xaalkiisa uga wareysato iyo wixii ku soo kordhay. Hadal kuma so celiso, wax walbana isaga ayey uga dambeysaa. Kama hesho Xamiido dadka guriga iska yimaada ee raad- raadiya Dhimbil, waxa ayna u sheegtaa xilliyada uu dadka qaabilo. War si kale kuma fahantide, Boqor dhal ah ayey Dhimbil ka dhigtay.

Ninkii Dhimbil ahaa, waxa uu galay nolol uusan weligiis arag (wax-dheef iyo wanaag is-wata), waxaa uuna imaankiisii gaaray qanjaha, wax aan Xamiido ahaynna qalbigiisii waa ka tirtirmey. Naag dambe ma fiirin, waana ka uur go’ay dhoocilihii iyo indho-la-raacii dumar, waxa uuna aaminey in ay Xamiido tahay qof bini-aadamka ka sarreeya, oo ilaahey ku soo duwey, oo uusan weligiis iyada oo kale heli karin, oo uu ku fara-adaygo.

Cajiib! Illeen raggu, haddii ay Xamiido oo kale heli lahaayeen, illeen godadle ma aysan noqdeen!

Xamiido, xilli ay ka bixineyso ayey mareysaye, gobo’dii ugu dambeysey inta ku gaarey, ayuu inta ka soo qarraafey ka soo gororiyey, markaasay wax wiil ah oo ay dhalmadii ku joojisay ka soo tuurtay.

Dhimbil, wax kale oo uu ia yaabo oo qalbigiisa ka go’i waayey ayuu arkay. Xamiido waxa ay bartay ninkeedii hore ee Aadan oo ku nool waddanka Noway, oo runtii aad u soo dhaweeyey Dhimbil, aadna ugu hambalyeeyey guurka uu Xamiido guursadey, una sheegay in uu helay naag adduun, middii ugu wanaagsaneyd. Waxa uu uga sheekeeyey qiimaha iyo qaayaha ay leedahay, isaga oo uga warramay in ay isaga qaddar eebbe ku kala tageen, laakiin isagu uu Xamiido fara adag ku qabsado.

Waxa uu Dhimbil la fajacay labadan qof ee kala tagay sida ay isugu xiran yihiin, isku qadderinayaan, ugana dhexeeyo xiriir cajiib ah. Aadan waa nin sida Xamiido oo kale mutacallin ah (Diin iyo Maaddiba isku yaqaan), waana nin wax-garad ah. Aadan markii uu damco in uu la hadlo Xamiido, waxaa uu marka hore soo wacaa Dhimbil, markaas kaddibna ka codsadaa in uu taleefoonka ugu dhiibo Xamiido, waxa uuna sidaas u sameynayey in uusan maseyr dareemin, oo qalbigiisa ayuu ilaalinayey.

Marar badan ayaa Xamiido siisaa Dhimbil lacag ay tiraahdo waxaa kuu soo direy Aadan, markaasaa Dhimbil isaga oo Xamiido dhaqankeeda iyo wanaaggeeda la yaabbanaa, ayuu misena la amakaagay Aadan, waxa uuna labadaan qof u qaatay, in yihiin dad samada laga soo diray. Mar buu is- weydiiyey sababta ay labadaan qof ee saan isku ah ay u kala tageen, laakiin misena calaf kala dhammaaduu u qaatay!

Waxa ay sidaas oo kale Xamiido bartay Dhimbil walaalaheed, inta ay markaas wada xiriiraan. Isna, sidii uu samayn jiray ma yeeline, si wanaagsan ayuu isu baray.

Wadaaddadii ay saaxiibbada ahaayeen oo dhan, markii ay arkeen is-beddelka dhan walba ah ee Dhimbil ku dhacay, waxa ay bilaabeen in ay ku xantaan in ay xarako qunyar- socod ah ka duufsatay, uuna guursadey islaan inta kitaabka u rogtay, guurkii badnaa ee sunnada ahaa ka xannibtay!

DHIMBIL IYO DIB-U-XASUUSASHADII CARRUURTIISII

Xamiido iyo Dhimbil oo habeen habeennada ka mid ah – mar ay si wanaagsan inta u legdin-ciyaareen ay aad u miyir sadeen – ayaa waxa ay Xamiido jeclaysatay in ay xiriirkeedii jacayl ee hore uga sheekeyso, si ay Dhimbil ugu qalbi-dejiso, oo ay ugu sheegto sababta ninkeedii hore uu xiriirka wanaagsani ugala dhexeeyo, ee uu mar waliba u soo waco. Inta aysan u bilaaabin ayey Dhimbil waxa ay ka codsatay – isna uu ka aqbalay – in qof waliba uu ka sheekeeyo xiriirkiisii hore ee jacayl; sidii uu ku bilowday iyo qaabkii uu ku dhammaaday.

Xamiido ayaa bilowday, waxa ayna Dhimbil uga sheekeysay jacaylkeedii hore, habka uu ku bilowday iyo hannaankii uu dambeeyey, waxa ayna tiri “Seygayga Samatarow, aniga waxaa iigu horreeyey qof aan guursado Aadan, isaga ayaana iigu dambeeyey, adiga hortaa. Aniga iyo Aadan, waxa aan isla dhigan jirnay Jaamacaddii Ummadda, waxaana ahayn isku fasal. Runtii waxaa ina dhex maray jacal haddii uu jiro, kii ugu wanaagsanaa. Ardeyda Jaamacadda waxa ay inoo yaqaanneen Qays iyo Layla. Markii ay dagalladii sokeeye bilowdeen ayaan soo wada qaxnay, waxa aana aakhirkii isugu nimid xeradaan Xagardheer. Inkasta oo daruufo xun ay jireen, oo guurka yaga wax badan dib u dhigay, laakiin aakhirkii waa is-guursanney. Waad taqaanaa Xagardeer e, buush ayaan isku aroosney, halkaas ayaana Ilaahey ku wada sugeyney. Labadaas carruurta ah ee quruxda badan (wiilka iyo gabadha) ayaana isku dhalnay.

Aadan waxa uu ahaa nin waddani ah, Soomaaliya iyo Soomaalinimadaba jecel e, markii ay Itoobiyaanku Gedo soo galeen 1996kii, ayuu Aadan aad uga xuraaadey arrintaas, markaas ayuu go’aansaday in uu dagaalkaas ka qeyb-galo, oo Itoobiyaanka dhulkii ku soo duulay uu la dagaallamo, isaga oo aan weliba ka mid ahayn Al-itixaadkii, laakiin ay Soomaalinimo oo keliya waddey. Aadan isaga oo dagaalkii ku jira ayaa nasiib-darro inta uu habaabey u gacan galay Soomaalidii Itoobiyaanka la socotay, markaasey arxan-laawe yaal, wax-ma-garata ah bay ahaayeene, oo waxa gubayey Aadan aysan gubeyne, Itoobiyaankii ku wareejiyeen. Inta Itoobiyaankii Aadan kaxeeyeen ayey xabsiga Alambakha ku rideen, oo halkaas si bilaa naxariis ah ugu garaaceen. Intii ay jir-dilayeen ayey xaniiyihii ka tumeen. Markii ay 10 sano haysteenna waa iska soo sii daayeen.

Markii uu ii yimid ayuu ii sheegay in xaniiyihii laga soo garaacay oo ay hawo dumar uga dhammaatay, waxa uuna iga codsadey in uu iska kay fasaxo, si aan wakhtigeyga uga faa’iideysto, isaga oo markaas ay indhihiisa ilmo ka da’aysey, waxaana isku qaban la’aa, sida uu ii jecel yahay iyo sida ay ugu adag tahay in uu igu sii haysan karo. Runtii markii uu arrintaas ii sheegay, boohin ayaan wabaa’ la iri, oo hadal iiga soo bixi waayey, waana igu adkaatay, Aadan oo sidii aan ogaa aan u jeclaa, in aan maanta uga tago dhibaatada soo gaartay isaga oo weliba Soomaalinnimo u dagaallamayey. Soo jeedintaas laad baan ku dhuftay, waxa aana go’aan ku gaarey in aan walaalkey u dulqaato. Guntiga ayaan dhiisha ka dhigtay, waxaana ku cadaadiyey seygeygii in aannaan kala tegin, aniga oo ka codsadey, in dhibaatadan aniga mooyee qof kale uusan u sheegin. Aadan culeys badan oo aan saarey kaddib, waa iga yeeley, isaga oo aad uga xun – sida uu aaminsanaa – fursadda iga lumaysa, sidaas ayaana ku sii wada joogney 4 sano.

Aniga oo ku faraxsan wada jooggayaga, oo aan aad u dhawro qalbiga Aadan ayaa waxa u soo baxay dhoof, waxa uuna u kicitimay waddanka Norway, waxaa uuna dhoofkaas u aadey arrin aan gadaal ka fahmay, oo ahayd, in uu inta iga haajiro isoo furo, maadaaraa uu og yahay, annaga oo isku waddan joogna, in aan furriinkiisa dhimasho ka xigo. Markii uu saddex bil iga maqnaa ayuu iga codsadey in aan kala tagno, anna waan ka diiday. Markii uu si uu yeelo aqoon waayey ayuu inta go’aan gaaray warqaddii furriinka ii soo diray. Muddo sannad ah ayaan murugo ku joogay, waxaana wax walba iiga darnaa, Aadan oo aan heli doonin lammaane ka taxadara noloshiisa! Aadan, isagu mar walba waa I dejin jirey, waxa uuna ii sheegi jirey, sababta uu ii furay, in ay aniga dantayda tahay, waxaa uuna mar walba igu qalqaalin jirey in aan guursado.

Markii aan adiga is-guursanayney, waan la socosiiyey guurkayaga, lacagtii arooska ee faraha badneydna isaga ayaa naga bixiyey, oo waan kaa qarinayey, aad ayuuna ugu farxay arooska yagii! Wicintaankiisa badan inta ka cabsadey in aad si kale u malayso, ayuu dhawr jeer iga codsadey in aan arrintiisa kaaga sheekeeyo. Ma jecla in afaarihiisa la ogaado, oo waxaa og aniga oo kaliya, adna waxa aan kuugu sheegay waxaa weeye, in aadan dhibsan wicitaankiisa oo aadan si kale u arag. Runtii aad ayuu ii jecel yahay, qof kasta oo aan jeclahayna waa jecel yahay, sidaas ayuuna mar walba kuu soo wacaa. Ee seygeyga Samataroow, bal adna iiga warran guurkaad soo martay iyo sidii aad ku kala tagteen?”.

Dhimbil intii ay Xamiido warkii u waddday jawigaa ka qasmey. Mar waxaa uu ka naxayey sheekadaas ay Xamiido ka qiseynayso, oo waa sheeko calool-doox ah! Mar waxa amakaag ku noqotey wanaagga Aadan iyo Xamiido! Mama waxaa ku soo duxayey oo uu goconayey guurarkiisii hore iyo sidii uu wax yeeli jirey. Waxaa u soo baxayey dambiyadii uu ka geli jirey iyo gabood-falladii uu ku samayn jirey gabdhihii Soomaaliyeed ee curdanka ahaa iyo kuwii uu carruurta ku daranyeyn jirey; ummuurihii uu kala dabbari jirey iyo guurarkii uu kala qarin jirey. fata ay Xamiido sheeko- taariikheedkaas u waddey, ayuu vvaxa uu is-weydiinayey halka ay dumarkaasi ku dambeeyeen iyo nolosha carruurtiisii. Mar waa uu naxayaa, oo waxaa ku soo dhacaya madaafiicda Xamar ka socon jirtay, waxa uuna aaminaa in aysan dadkaasi noolayn. Marna waa uu ka qoomameeyaa sida uu u dayacay dumarkaas iyo carruurtaas.

Muddadaas dheer ee uu ku noolaa waddanka Keenya, caawa ka hor iskuma soo qaadin carruur baa kaa maqan, culaysyada nololeed ee uu ku jirey awgood, adduun-is- raacsiin, hawo been ah oo u dhex ordayey, marqaan iyo qaadiro isku bed-beddelayey iyo markii uu soo hanuuney oo uu ku mashquuley diin-fidin iyo guur-badin!

Markii ay xaaskiisa u dhammaysay guurkeedii hore oo ay soo gaartay Dhimbil, ayuu wax uu u sheego aqoon waayey, isaga oo iska galay xasuusyo hore, waxaa ayna aragtaa isaga oo mararka qaar ilmo ku soo joogsanayso. lyada oo yaabtay, laakifa ka sugeysa in uu uga taariikheeyo sooyaalkiisii guur, ayey ku waabariisatay isaga oo madaxa inta qabsadey ruxaya, oo dhahaya “Allow adaan ummuurahayga kuu bandhigtay”. Wa ay ka sii yaabtay, waxaa ayna ku tiri “Gacaliye, ii sheeg sida ay wax u dheceen?”. Waxaa uu ugu jawaabey “Gacaliso, hadda diyaar uma ihi, ee iga raalli ahow, mar kale ayaan kaaga sheekeyn doonaaye, hadda xaalkaygu caadi ma ahan oo xasuus ayaan galay, qalbigaana wax iga gaareen e”.

Dhimbil, xasuusta arrintani dhib weyn ayey u gaysatay maankiisa, dhawr maalmoodna ma aadin masaajidkii uu ku xirnaa. Waxaa uu bilaabay in uu dhabannada haysto, in uu madaxa mar walba war-wareejiyo iyo in uu joojiyo fur- furnaantii iyo la-sheekeysigii asxaabtiisii. Waxaa uu ka fekeraa dambiyadii uu ka geli jirey gabdhihii Soomaaliyeed iyo carruurtiisii uu dayacay. Waxaa uu dhex tiibadey xasuus aan kala go’ lahayn iyo feker aan kala joogsi lahayn. “Halkee carruurtii ku dambeeyeen, talow ma nool yihiin, ma baadigoobi kartaa oo macquul ma tahay in aad inta raadiso aad hesho?” iyo su’aale kale ayuu is-weydiiyaa. Inkasta oo uusan Xamiido la-wadaagin, si fiicanna uga war-bixin dhibaatadii uu dumar soo marsiiyey iyo dayicii carruurtiisii, laakiin mar ayuu si guud-mar ah ugu sheegey, in carruur uu dhalay oo uusan ia-xiriirin muddo, ay Xamar uga kala firirsan yihiin.

Muddo bilo ah oo uu feker la jihanayey, waxaa uu go’aansaday bal in uu carruurtiisii raadiyo, kana war-doono halka ay ku dambeeyeen. Maadaama hooyooyinkood reer Xamar ahaayeen, waxaa uu qiyaasayey in aysan Xamar ka qaxin ee ay ku nool yihiin, laakiin haddana waxaa shaki uga jiraa in ay ka bad-baadeen dagaalladii sokeeye iyo in kale.

Fadhi uma yaalla e, waxaa uu bilaabay in uu dadka ka wareysto magaalada Xamar iyo xaalkeeda; in la aadi karo iyo in kale. Waxaa kale oo uu bilaabay in uu idaacadaha dhageysto, Tv-yadana daawado, si uu ula socdo xaalka magaalada Xamar ka jira iyo waxa mar walba ku soo kordha. Markii uu maqlo qof Xamar ka yimid, waa uu raadiyaa, dabadeedna ka wareystaa xaaladda Xamar halka ay mareyso iyo is-beddellada ku soo kordha ammaankeeda.

Dhawr jeer oo uu damcey in Xamar soo aado, nafta waa soo siin waayey, oo waxa uuba ku arkaa xerooyinka Dhadhaab oo ay soo buux-dhaafiyeen dadka Xamar ka soo qaxaya oo ay afeeyeen dagaalladii iyo qarax yadii ba’naa ee Xamar ka aloosnaa. Waxaa uu ka dhegaysan jirey Idaacadaha sida ay wax u socdaan, waxa uuna ku soo dhici waayey in uu yimaado magaalada Xamar, dagaallada wejiyada badan ee ka socday awgood. Laakiin waxaa rajo soo gashay dabayaaqadii sannadkii 2012-kii iyo horraantii 2013-kii, oo uu TVyada ka fiirsanayey laamiyada la dhisayo iyo nabadda magaalada Xamar ka curatay. Dad badan oo uu wareystayna waxaa ay u sheegeen in ay Xamar nabdoonaatay, laakiin dilal yar-yar oo qorsheysan mar mar ay ka dhacaan, taasna ay adduunka kala mid tahay. Waxaa ay dad badan oo uu wareystay isku raaceen, in uusan wax dhib ah la kulmayn, haddii uusan ka raid ahayn qolooyinka siyaasadda Soomaaliya isku haya.

Dhimbil, maalin Jimce ah, isaga oo guriga jooga, ayaa isaga oo sariirta ku dul dan-giiga, waxaa taleefoonka Xamiido oo ag yaallay soo wacay lambar uu ku qoran yahay Nasiib, oo uu horay dhawr jeer uga qabtay. Ma jecla in uu qabto taleefoonka Xamiido ee daqiiqad-daqiiqad u soo dhaca markii uu daaran yahay, waxa uuna ka xishoodaa ehalada Xamiido, laakiin markii uu arkay lambarkaan oo wax badan soo garaacayey, Xamiidana suuliga ay ku jirto, ayuu ka qabtey. Waxa ay ahayd gabar ay Xamiido habaryar u tehee, waa ay taqaanay ninka habaryarteed qaba magaciisa e, oo dhawr jeer bay salaantaye, waxaa ay ku tiri “Abti Samatar waan ku salaamay, waa Nasiib e, Abti Xamiido ma joogtaa?”, markaas buu ku yiri “Abti, Xamiido musqusha ayey ku jirtaa, waana kuu sheegayaa iyada ayaana kugu soo celinaysa”.

Markii ay khadkii ka baxday, ayaa waxa isla markiiba mushqushii ka soo baxday Xamiido, markaasuu u sheegay gabadha soo wacday. “Alla waa gabadhii aan habaryarta u ahaa ee Nasiib”, ayey inta tiri, oo taleefoonkii la boodday, oo bannaanka ula baxday, isla markiiba horay ka wacday. Nasiib iyo Xamiido cabbaar ayey wada hadlayeen. Xadiimo, mar dambe waxa ay waydiisey Nasiib in uu aabbe Jaamac la soo xiriiro iyo kale, laakiin Nasiib dhibba ugama dhigine, waxa ay u sheegtay in uu Keenya weli jiro, oo uusan waayadan la soo xiriirin, taas oo ay u qaadatay Xamiido in ay Nasiib iyo aabbeheed iska war-qabaan, xiriirkoodu haba liitee.

Dhimbil, intii uu xog-raadinta waday, ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa uu soo helay lamberka taleefoonka walaashiis Safiyo Axmed oo iyadu weligeed aan Xamar geesna u dhaafin. Waa uu la xiriirey, waxaa ayna ku catowday sida uu u soo xariirin waayey, iyaduna muddo ay u baadi- goobeysay, waxaana ugu war dambaysay isaga oo Keenya lagu sheegayo. Inta uu si fiican uga war-bixiyey xaaladdiisa, isla mar ahaantaasna uu baray xaaskiisa Xamiido, ayuu sidaas oo kale walaashiis Safiyo uga warramay, in ay jiraan carruur uu dhalay oo Xamar ku firirsan, oo uu qarin jirey, oo uu haatan doonayo in uu ka baadi-doono magaalada Xamar.

Safiyo, oo aad uga qarracantay warka waiaaikeed iyo sida xun ee uu wax yeeley, ayaa tiri “Walaal, waa iga oohiyey hadalka aad sheegayso. Runtii carruur Alle ku siiyey, in aad sidaas nooga qariso, iyagana u kala qariso waa dambi aad carruurtaada, xaasaskaaga iyo eheladaadaba ka gashay!” Waxaa ay uga warrantay dhallinyaro la degganayd, waxaa ayna tiri “Waxaa ila degganaan jirey wiil iyo gabar is-qabey oo cidda ah, oo aabbayaashood Xamar uga tageen, iyaga oo aan barin dadkooda, ehaladooda iyo xitaa abtirkooda. Waxaa ay labaduba sheeganayaan qabiilka, laakiin ma yaqaanaan jifada hoose ee ay ka yihiin iyo abtirkooda oo saddexan toona. Waxaan mar walba habaari jirey nimankii carruurtaan ka inkaar galab-saday”. Waxaa ay hadalkeedii u raacisay “Walaalow, Allaha iyagana noo sakhiro, adna walaalow dambigaas ka toobad keen, hana u laaban mar dambe”.

Dhimbil, waxaa uu mar kale hadalkaas ku reebey utun kale, isaga oo daqarro iyo haaro qalbigiisa ku yiilay ka danqiyey, waxa uuna isla markaasba bilaabay in uu ka fekero, dedejiyana u-huleelidda Xamar. Dhanka kale, Safiyo, isla markiiba waxaa ay taleefoonka Dhimbil siisay Aabbe Axmed, Aamino iyo Nuur Shaywaal.

Maalin maalmaha ka mid ah, isaga oo iska jooga gurigiisa, ayaa waxaa la soo xiriirey walaaikiis Nuur, oo ay ugu dambeysay burburkii ka hor, laakiin kor ahaan la iska war- qabay halka lagu kala nool yahay, waxa uuna ka soo wacay magaalada Sanca ee waddanka Yaman oo uu muddadaas ku noolaa. Waa walaalo isku hooyo ah oo isku soo hiloobaye, cabbaar ayey iska wareysteen arrimo badan.

Nuur oo walaaikiis ku ogaa Xaawo oo aan carruur u dhalin ayaa weydiiyey, wax carruur ah in uu yeeshey iyo in kale. Su’aashaan oo qeyb ka noqotay murugooyinkii waayadan oo dhan hayey, ayuu Dhimbil u sheegay in uu hadda u joogo wiil Xagardheer oo ay u dhashay gabar la yiraahdo Xamiido oo uu hadda qabo, laakiin ay jiraan carruur kale, oo uu dhalay, oo uu qarin jiray oo Xamar ku kala firirsan, oo uu doonayo in uu hadda raadiyo, iskuna soo duwo. Nuur oo arrintaas ka yaabey, ayaa walaalkiis ku qalqaaliyey kuna dhiirra-geliyey, in carruurta iyo reeraha uu sheegayo ka war-doono sida ugu dhaqsaha badan, isaga oo u sheegay in hadda Xamar la aadi karo oo aysan sidii hore ahayn.

Nuur oo u war-bixinayey walaalkiis Dhimbil ayaa u sheegay, in uu guursaday gabar Raxrao la yiraahdo oo wanaagsan, afar carruur ahna ay u joogaan, haddana iska barwaaqeysan yahay, isaga oo isla markaasna u sheegay in isaga iyo Raxmo ay Xamar imaanayaan bisha llaad aakhirkeeda isla sannadkaan 2013ka. Nuur, isagu in wax la kala qariyo dhaqankiisa ma ahayne, waxaa uu is-baray walaalkiis iyo xaaskiisa, waxa uuna isugu dhiibey taleefoonka. Wey is- nabdaadiyeen, waxaa ayna hadalkoodii ku soo koobeen “Walaalle iyo Walaalley, Xamar ayaan isku arki doonnaa, oo aan ku kala war-bogonaynaa Insha Allah”.

Waxaa sida oo kale Dhimbil soo wacay Aabbihiis oo jooga Hargaysa oo ay muddo ugu war-dambeysey, oo uu madi ku ahaa iyo walaashiis Aamino oo hadda joogta Garoowe oo aan il ka qaadin muddo 30 sano ku dhaw. Mid walba markii uu uga sheekeeyey xaalkiisa hadda iyo xaaskiisa Xamiido oo uu baray kaddib, waxaa uu uga warramay carruurta ka maqan. Waxaa ay labaduba markii hore aad uga xumaadeen xirii la’aantisii, oo xitaa mar loo qaatay in uu dhintay. Waxaa ay; misena aad uga muraara-dillaaceen war-bixinta uu ka siiyey dayaca carruurtiisa uusan horay ugu sheegin, waxaa ayna boorriyeen in uu sida ugu dhaqasaha badan uu carruurtii ti raadiyo.

Talada aabbihiis, haaraanka walaalihiis, samaan-faridd xaaskiisa Xamiido iyo u-caqli-celin ay dad badan sameeyeen kaddib, Dhimbil waxaa uu go’aansaday in uu Xamar u soo socdaalo, carruurtiisii iyo xaasaskiisii beri- samaadkiim ka war-doono meeshii ay ku dambeeyeen. Waxaa kale oo hunguri ka galay dhawr boos oo uu ku lahaa magaalada Xamar, kaddib markii loo sheegay in qiimaha dhulalka Xamar cirkaas marayaan, oo ninkii boos ku lahaa uu taajirayo, faqrigana uu tuurayo. Laakiin waxa uusan haysan wax dukumiinti ah oo caddaynaya la-haanshaha dhulalka uu sheeganayo, taas oo wel-wel weyn ku abuurtay sida ay ugu suuro-geli karto iibinta dhulalkaas.

Waa uu ku xisaabtamayaa in safarka dheer iyo baadi-doonka uu galayo sahey u baahan yihiine, waxaa uu u cid-dirsaday wixii uu ehel iyo qaraabo la ahaa, isaga oo u marayey xubnaha qoyskiisa, si ay u soo caawiyaan, kagalana qeyb- qaataan saheyda safarkiisa Xamar iyo inta uu ku guda-jiro howlaha baadi-doonka carruurta. Nasiibkiisii ayaa dib ugu soo laabtaye, waxaa uu ka helay qaylo-dhaantii taageero dhaqaale oo uusan markaas filanayn iyo ballan-qaadyo badan, taas oo uu niyad-dhis wanaagsanna ka halay, kuna sii dhiirri-gelisay in uu fadhiga ka kaco, oo uu ilmihii meel ku soo ogaado. Ka sokow dhaqaalaha uu ka helay xidid iyo xasabo, waxaa sidaas oo kale dhaqaale kale uu ka helay Xamiido iyo seygaydii hore ee Aadan.

Inta uusan Dhimbil soo bixin, dhawr bil ka hor, ayaa Nasiib waxa ay soo wacday habaryarteed Xamiido oo ay u sheegtay, in uu wiil guursaday, taasoo ay Xamiido ugu habalyeysay, Dhimbilna inta ugu dhiibtay taleefoonkii uu si kooban isna ugu hambalyeeyey. Waxaa ayna labadoodaba u sheegtay, maalinta arooskeeda oo ay lix bil ka dhimman tahay, in ay soo war-gelin doonto, haddii Alle yiraahdo.

Dhimbil, markii uu gacan-qabsigii isla helay ayuu waxaa uu ka soo baxay xerada Dhadhaab, dabayaaqadii bishii 8aad ee sannadka 2013kii. Waxaa uu soo galay safar dheer oo uu ku dhex marayey Keenya iyo Soomaaliya ilaa uu ugu dambeyntiina uu soo gaarey Magaalada Xamar horraantii bishii 9aad ee isla sannadkaas. Waxaa magaalada ku soo dhaweeyey – oo uu xiriirkiisa haystay – nin saaxiibkiis ah, oo reer Xamar ahaa, oo ay isku barteen qaxootiga oo la yiraahdo Cismaan, waxa uuna dejiyey Hoteelkii Kuraasya-cad ee is- goyska Lambar 4 ku yiillay.

Dhimbil, markii uu magaalada soo galay, oo uu xoogaa nastay, ayuu waxaa uu la xiriirey aabbihiis Axmed, walaalihiis Safiyo iyo Aamino. Waxaa uu sida oo kale la xiriirey walaalkiisii Nuur ee Yaman joogey, waxa uuna siiyey Lamberkiisa Xamar, si markii uu Xamar yimaado uu ula soo xiriiro.

DHIMBIL IYO KU SOO LAABASHADIISII XAMAR

Dhimbil, waxaa magaalada Xamar ugu dambeysay 1991-kii. Waxaa ay markaas ahayd magaalo aad iyo aad u qurux badnayd: laamiyada saaran, geedaha guri kasta hortiisa ku abuuran, waddooyinka waaweyn ee jid-cadde yaasha ahaa, kannaalada biyaha iyo bullaacaduhu maraan, gawaarida quruxda badan ee waddooyinka mari jirey iyo dhismaha bilicda samaa ee magaalada ku socon jirey. Waxaa ugu dambeysay ciidan darays qurxoon ku labbisan, oo muuqaal qurxoonaa, bilays aadaab iyo ixtiraam badan iyo taraafiko baabuurta si wanaagsan u kala hagta iyo samaan-fareyaal shaqeynaya 24ka saac. Waxaa uu ka qaxay Magaalada Xamar oo ka sarreysa magaalooyinka Afrika oo dhan oo loo soo daLxiis tago.

Laakiin hadda danta uu u yimid Xamar, waxaa ka mashquuliyey muraara-dillaac uu ka qaadey magaalada Xamar. Waxaa uu arkay magaaladii oo isku beddeshay’ dukaafad ay ku dhex butaacayaan wasakhda laamiga dhexdiisa. Waxaa uu arkay gawaari aan shir lahayn o’*’ meeshii shirka ee dahaarnayd inta la fujiyey uu hal nin o isteerin wareejinayo fadhiyo iyo hal qof oo kale oo bakiir gaariga fadhiya oo maalintiina Istaajiye (bareeg) iyo dig (hoon) u ah, oo dadka ku dhaha isaga oo qaylinaya leexda gaariga yuusan idin jiirine!”, habeenkiina gaariga indho u ah, oo toosh darawalka ugu ifiya waddooyinka.

Waddooyinku samaan-fare ma lahan, taraafikana ma joogaan marka laga reebo xoogaa dhar wasakha qaba oo jaad ku ruugaya waddada dhexdeeda, oo taagan meelo yar oo ka mid ah iaamiga waddada MAKA AL-MUKARAMA. Ma arko ciidamadii quruxda iyo sharafta lahaan jirey (Milateri, Booliis IWM), ee waxa uu arkaa maleeshiyaad kala labbis duwan, oo gaariyaal Cabdi-bile ah wata oo aad u malaynayso in ay baalayo cayrsaneyso oo waddada xawli ku mara, oo laga ashahaato marka ia arko iyo gawaari qafilan oo ay san-ku- dhuudhi saaran yihiin, oo waddada xoog iyo xawaare ku qaada, dhanka ay doonaanna waddada ka raaca.

Magaaladu waddooyin ma leh, oo waxaa la wada dhistay waddooyinkii jid-caddeyaasha ahaa. Dhulalkii uu yaqaanay ee ay dawladdu lahayd, waxaa uu ku arkay dhismooyin jiingado ah iyo dad ay diif iyo dac-darro ka muuqato oo deggan. Waxaa uu arkay dad iyo magaalo ba’day, waxaana ka soo hartay “Tan ma deegaan heblaayaa? Tanina ma waddo heblaayaa? Halkani ma jagadii hebel baa? Taasi ma xeradii ciidankaa? llama ahan, waxaan dhex marayo in ay Xamar tahay?!”.

Waxaa uu indha-indheyn ugu dhaqaaqey meelihii uu jagooyinka/boosaska ku lahaa, mise qaarna guryo fiilooyin iyo kuwo dabaqyo ah baa laga dhistay, qaarna jiingado ayaa ka dhisan. W7axaa uu aad ugu kuur-galay dadka deggan iyo sababta ay guryahaan fooqyada ah uga dhisteen. Waxaa loo sheegay in dhulalkaan marar badan la kala iibsaday, oo dad dukumiintiyo u haysta ay gadeen. Yaab iyo amakaag ayaa qabsaday! Waxaana u soo baxday in raadinta jagooyinkaas – mar dambe mooyee – hadda uu maankiisa ka jaro.

Haddii aanan lala socon bannaanka uma baxo, oo weli waxaa ku jira baqdin badan. Mar waxaa uu is-dhahaa “Armaa dilalka qorsheysan kugu yimaadaan”. Marna waxaa uu is- yiraahdaa “Armaa dagaal Dowladda iyo Al-shabaab isku fara-saaraan dhex kugu qabsadaa adiga oo magaalada dhex maraya”. Marna waxa uuba ka baqaa gawaarida AMISOM oo uu is leeyahay “Armay ku jiiraan, maadaama ay waddada dhanka ay doonaan ka maraan”.

Bil kaddib, hadda waa la soo qabsanayaa magaalada Xamar, waxa uuna arkayaa in aysan jirin cid si gaar ah u raadsanaysa iyo cid dadka kale ka taqaan toona. Waxaa kale oo uu arkayaa magaalada oo si caadi ah dadku u dhex marayaan, oo uu qof kasta ku mashquulsan yahay meeshuu noloshiisa ka raadsan lahaa. Waxaa sida oo kale u muuqanaysa meelaha fadhi-ku-dirirada ah oo dadku sida ay doonaan isaga kaftamayaan, oo misena dadku isugu dhex jiraan. Waxaa uu si fiican u fahmay, in qofkaan ku xirnayn siyaasadaha magaalada Xamar ka jira, uu isaga noolaan karo Xamar, haddii uusan la kulmin qarax ama hoobiye ku soo dhicin, laakiin labadaasna waa uu ka taxadaray, oo waxaa uu horay ugu fekeray in uu luuqyada maro, si uusan qarax ula kulmin, waxa uuna seexdaa qol shub ah oo uusan hoobiye ka soo dhex bixi karin.

DHIMBIL IYO RAADINTA CARRUURTIISII

Dhimbil, magaalada danta ugu weyn ee uu u yimid, waxaa ay ahayd raadinta carruurtiisa. Habeen kasta waxaa uu ka fekeraa meeshii uu ka bilaabi lahaa raadinta iyo qaabka ugu fudud ee uu ku heli karo carruurtaas. Waxaa uu xasuus u galay magacyada dumarkii carruuraha u kala dhalay, oo ay waa hore ugu dambeysay, wakhti badanna aysan horay is- kula qaadan iyo halkii ay degganaayeen. Waxaa uu sidaa oo kale maskaxdiisa ka raadiyey magacyadii kala geddisnaa ee uu isugu sheegi jirey xaasaskaas, oo uu si kasta inta yeeley sixi waayey, maadaama ay ka soo wareegtay 23sano. Laakiin haddana waxaa uu xasuustaa in uu afartiisa magac uu kala bed-beddeli jirey oo keliya, ee aysan jirin magacyo cusub oo uu la bixi jirey. Waxaas oo dhan uma fariisane, waxaa uu bilaabay sidii uu u kala xasuusto, in uu u raadiyo dumarkii.

Xasuus-raadin iyo maskax-maaxin maalmo qaatay kabacdi, waxa maankiisa qalow ku soo tiri Shaqlan, oo uu markii ugu dambeysey wakhti xoogaa ah la qaatay. Waxaa ay u dhashay gabar, markii ay dhimatayna abtigeed uu la wareegay nolosheeda. Waxaa uu xasuustay ciddii ay ka dhalatay iyo qaraabadeeda iyo meeshii ay degganaayeen. Ma jiif baa u yaallal Waxaa uu abbaaray xaafaddii Buulo-Xuubey, waxa uuna raadiyey gurigii ay degganaayeen ciddii Shaqlan. Laakiin waxaa ku adkaatay, in uu helo magacii ay ciddaas u taqaanay. “Waan xasuustaa in magacii ay ii yaqaaneen uu Jaamac ku jiraye, maxaad raacsiiyey” ayuu is-weydiiyaa. Waxaa uu aakhirkii is-yiri “Magacyadaada mid un Jaamac raacsii, iyaga ayaa garan magaca ay kuu yaqaaneene, oo kuu sixine”.

Waxaa ay ku qaadatay in uu gurigaas helo muddo saddex maalmood ah, sababta oo ah, magaalada Xamar ayaa iska beddeshay sidii uu ku yaqaanay. Jid-cadde-yaashii u garanayey waa wada xirmeen, meelihii uu gurigaas u mari jireyna guryo kale ayaaba ka dhisan. Waxaa uu isku darayey raad-raadin iyo dad weydiinba. Markii dambe waxaa u suuro-gashay, in uu gurigii tago. Gurigii ayuu garaacay, waxaana ka furtay gabar jalaqsan oo aad u qurux badan. Waxaa uu weydiiyey, in ay gurigaan deggan yihiin Reer Waayeel. “Haah” ayey tiri “Ee qofkeed uga baahan tahay cidda?” ayey weydiisey. Waxaa uu ku yiri “Waxaan u baahanahay Waayeel laftiisa, ee ma joogaa?”. Wraxaa ay u sheegtay in uu joogo, laakiin suuqa uu ku maqan yahay, uuna imaanayo xoogaa kaddib. “Laakiin ma isaga ayaad u baahan tahay?” ayey weydiisey. “Haah” ayuu yiri. Waxaa ay tiri “Adeer soo gal, oo inta kursigaas ku fariisatid, halkaas ku sug abti Waayeel, inta uu ka imaanayo.”

Gurigii ayuu horay u galay, isaga oo ku fariistay gambar meesha yaalley. Laakiin waxaa feker ku beerey gabadha hadalkeeda ah “Abtigey sug”. Waxaa uu is-yiri “Armayba gabadhaani tahay, gabadhii ay kuu dhashay Shaqlan”. Waxaa uu damcay in uu la sheekeysto, haddana waxaa ay ku mashquulsan tahay, oo ku sii jeeddaa buug-akhris, iyada oo sidaa oo kalana, ku howllan shaqada guriga,

Xoogaa kaddibba, waxa soo galay guriga Waayeel. Waxaa uu salaamay Dhimbil, horayna waa isaga sii gudbay. Waxaa uu u malaynayey, in ninkaani dad kale sugayey oo maba sii waraysan. Dhimbil laftiisu kuma soo dhicin in ninkaan salaamay uu yahay Waayeel, sababta oo ah, waayana waa kala maqnaayeen, muuqaalladoodiina waa is-beddeleen. Xoogaa markii uu guriga ku maqnaa, ayaa waxaa u gashay guriga Nasiib, waxaa ayna u sheegtay, in ninkaasi isaga meesha u fadhiyo, markaas ayuu ku yiri “Ninkaas sidee meesha iigu fadhiyaa, ma aqaan aniguye, markaan salaamayna, ima oran adaan kuu baahnaaye?”. Waxaa ay tiri “Bal abti la hadal adiga ayuu magacaaga na weydiiyaye”.

Waayeel waa soo baxay, waxa uuna u yimid Dhimbil. Salaan kaddib, waxaa uu weydiiyey cidda uu raadinayey, waxaa uu u sheegay in uu raadinayey cidda gurigaan deggan, gaar ahaan weliba uu raadinayey nin Waayeel la yiraahdo. Waxaa uu u sheegay in uu isaga yahay Waayeel. Kor ayuu inta u booday oo xabadka saarey ayuu ku yiri “Waayeel waa Jaamac Samatar”, isaga oo sii raacsiiyey “Waa ninkii qabay Shaqlan”. “Alla ma Jaamac Axmed baa?!” ayuu yiri Waayeel, inta si fiican xabadka u geliyey. “Haah” ayuu Dhimbil ugu jawaabey. “War goormaad sidaan isku baddeshey! W7ar bal fariiso” ayuu ku yiri Waayeel, inta dhanka guriga u dhaqaaqey. Dhimbil, farxad ayuu haatan la dhacay, maadaama uu ciddii helay, waxaa kale oo farax-geliyey, in uu ogaaday magacii ay cidda u taqaanay ee ahaa Jaamac Axmed.

Waayeel waxaa uu u yeerey Nasiib, oo uu u sheegay in ninkaasi yahay aabbeheed. Nasiib, waa soo oroddey, waxaa ayna si hal-haleel ah ugu timid aabbeheed, iyada oo inta ku soo boodday labada dhaban ka dhunkatay, misena inta ku dhagtay isku duuduubtay, hilow dartiisna hadalkii muddo kaga soo bixi waayey, isna inta ku qallalay, oo illini kala joogsan weyday iska furatay, ayaa cabbaar labaduba isku marnaayeen. “Aabbe ma fiican tahay? Aabbe halkeed ka dhacday? Aabbe maxaad noola soo xiriiri weyday?” iyo su’aalo iyo xog-wareysi kale ayey Nasiib aabbeheed weydiineysey iyada oo ilmeyneysey, oo isna uu u jawaab-u- celin waayey, wax farxad iyo murugo loo kala garan waayey oo haysatay awgeed. Markii muddo xoogaa ah, oo ay isku jidbeysnaayeen, ayaa inta mid kasta gaar u yara nafisey, tart lib – tartiib u kala fuqayeen.

Nasiib maanta maalmaha waa uga duwan tahay, oo waxa ay haysataa aabbeheed oo ay u qabtay xiiso mar un in ay aragto ah si ay ugu faanto. Mar mar ayey ka shakin jirtay in aysan aabbe lahayn, oo loo qarinayo maqnaashaha aabbeheed. Maanta waa bagaaxeysaa, waxaa ayna ogaatay aabbeheed in uu jirey.

| Dhimbil si wanaagsan ayaa halkaas looga soo dhaweeyey, Alle mahaddiis-na, waa helay gabadhisii ugu horreysay. Soo dhaweyn, reyn-reyn iyo is-wareysi dheer, oo ay ku jirtay in gabadhiisa la bixiyey, oo arooskeeda mar dhaw la sugayo kaddib, waxaa uu Dhimbil ku noqday Hoteel-kiisii, waxa uuna horay u sii wadey gabadhiisii, si uu u soo tuso halka uu deggan yahay, hadiyado uu iyada iyo ehelka ugu soo tala- galayna uu ugu soo dhiibo.

Nasiib ayaa maalin kaddib wacday Faarax oo u sheegtay in aabbeheed yimid magaalada, kana yimid Keenya. Faarax waa uu ogaa in Nasiib aabbeheed uu jiro Keenya, oo markii la meherinayey, oo la is-baranayey ayuu maqlayey, halka uu aabbeheed ku nool yahaye, inta farxay ayuu yiri “Masha Allah, hambalyo, guurka yaga mid barakaysan ayuu noqonayaa, maadaama uu aabbe inoo yimid, ducadiisa ayaan helaynaa, Insha Allah, si deg-deg ah waa in aad ii bartaa”.

Inta taleefoonkiisa siisey ayey ku tiri “Hadda wac anaa kaaga hormarayee oo kuu sheegayee”. Isla markiiba inta wacday aabbeheed, ayey u sheegtay in uu ninkeeda soo wici doono.

Faarax waa wacay Nasiib aabbeheed, waana is-barey. Isna soddoggiis waa soo dhaweeyey, waxa uuna ku yiri “Adeer waad ku mahadsan tahay ia soo xiriirkaaga, wiil wanaagsan ayaad u eg tahay, iaakiin hadda mashquul ayaan ahaye, waxaa ay inoo ahaanaysaa maalinta guurka, haddii intaas ka hor aan firaaq helana, anigaa ku soo wacaya Alle idinki”. “Waayahay adeer” ayuu yiri Faarax, inta teleefoonkii isa- saarey. Sidaas ayeyna maalintii isku barteen Faarax iyo Dhimbil oo uu hadal kooban dhex maray.

Dhimbil, markaan guul weyn ayuu joogaa, mar haddii uu helay carruurtiisii mid ka mid ah. Waxaa uu haatan ka fekerayaa halkii uu ka bilaabi lahaa raadinta kuwii kale. Inkasta oo meelihii ay degganaayeen uu garan karo, Iaakiin sida Shaqlan ciddeeda oo kale uma yaqaan kuwa kale cidahooda, mana garanayo abtirsigooda oo dhammaystiran. Laakiin ma sidaas buu uga hari karaa! Waxaa uu markaan raadin ugu dhaqaaqey Raxma Qaasim, oo ahayd gabar uu dhibaato kala kulmo tii abid ugu horreysay. Waa uu xasuustaa magaca aabbeheed iyo halka ay degganaan jireen. Waxaa uu aaday xaafadda Xamar-Bile ee uu ku ogaa, halkaas oo misena muddo ay ku qaadatay in uu gurigoodii garto, is- beddelka Xamar ka dhacay awgiis. Markii uu gurigii tagay, ayaa waxaa loo sheegay in dadka uu raadinayo ay gurigaan mar hore ka guureen, iyada oo qof u sheegana uu waayey halka ay degeen ciddaasi.

Muddo ayuu raad-raadinayey, laakiin waa ka quustay in uu helo Raxma Qaasim iyo ciddeedii toona. Arrintaas waxaa ay ku abuurtay wel-wel iyo walbahaar, sababta oo ah, waxaa uu aamminay in ay adag tahay in ciddaas uu helo, maadaama uusan si wanaagsan u aqoon abtirka iyo jifo-hoosaadka ciddaas, meeshii uu ku ogaana ay ka guureen. Waxaa uu markaas is-yiri “Ha isku daalin Raxma e, bal markaan Xamdi ka war-doon”. Waxaa uu bilaabay Xamdi raadinteeda, waxa uuna ka goobey halkii uu ku aqoon jirey in ay ciddeedii degganaan jirtay ee xaafadda Geed-jacayl. Raad-raadin muddo dheer qaadatay, kama uusan helin iyadana, sababta oo ah, reerkii Xamdi waa hore ayey dhoofeen, marka iaga reebo iyada iyo walaalkeed Qase, gurigiina waa hore ayey iibiyeen. Laakiin Xamdi ayaa weli gees kale kaga nool xaafadda Geed-jacayl.

Isaga oo quus ka taagan, ayaa maalin isaga oo xeebta Liido jooga, waxaa uu arkay nin uu wejigiisu ku yaallo, oo uu soo saari la’ yahay. Waxaa uu in muddo ah eegayey ninkii, waxa uuna ula ekaaday ninkii ugu soo far-muuqi jiray Xamdi, kana qeyb-qaatay furriinkii Raxma. Waxaa uu ninkaasi fadhiyey meel u dhaw, oo uu asxaab kale kula shaah- cabbayey. Aad inta u eegay ayuu is-yiri “Armuu Caddaawihii ninkaani yahay?”

Dhimbil Waa uu xasuustaa Caddaawe, sababta oo ah, waxaa uu ahaa ninkii ku soo hoggaamiyey Xamdi, waxaa kale oo uu ahaa ninkii furriinkii Raxma wax ka ogaa, oo dagaalka uu Shaafici la galay ku weheliyey, ugana hiiliyey. Si fiican ayuu maanka Dhimbil ugu yaalley Caddaawe, laakiin misena waxaa uu is-leeyahay “War dadku waa isku ekaadaane, armuusan ahayn?”.

Cabbaar isaga oo fadhiya, wax uu sameeyana garan la’, ayuu waxaa uu maqlay nin ugu yeeraya magaca Caddaawe, markaas ayuu xaqiiqsaday in uu yahay Caddaawe. Inta uu u tagay ayuu ku yiri “War Caddaawe bal warran?”. Inta kor u fiiriyey ayuu Caddaawe yiri “Waa nabade, ma Dhimbil iyo Samatar loo kala garan waagii baa?!”. Inta qoslay oo ogaaday in uu gartay, maadaama labadiisn magac ee uu ku qaraaban jirey sheegay, ayuu ku yiri “War waa isagiiye ii warran? Ma Muqdishaad joogtay mise haddaad timid?”. “Magaaladan meelna ugama bixin 23kii sano ee la soo dhaafay” ayuu ugu jawaabey. Sheeko dheer oo waayo-waayo iyo 23kaas sano wixii dhacay isugu jirtay ayaa dhex martay raggaasi.

Nin walba wixii dhiba ayaa dheelmee, Dhimbil, waxaa uu bilaabay in uu weydiiyo Caddaawe cidihii uu gabadhooda ka furi jirey meelahii ay ku dambeeyeen iyo in uu yaqaano halka ay deggan yihiin iyo in kale. Waxaa uu Caddaawe u sheegay, in uusan war ka hayn halka ay ku dambeeyeen cidahaas. Laakiin waxaa uu u sheegay, in uu yaqaan nin ay Xamdi meel qaraabo ka yihiin, oo ay is-barteen waagii laga furi jirey Xamdi, laakiin ay ugu dambeysay isaga oo ka ganacsada Suuqa Bakaaraha. Inta farax is-heyn waayey ayuu Caddaawe ku yiri “War walaalow ninkaas ila raadi fadlan”. “Waayahay” ayuu yiri Caddaawe, waxaa ayna kala qorteen taleefoonnada. Halkaas ayeyna maalintaas ku kala tageen.

Hadda Dhimbil jid ayaa u baxay, waxaa soo gashay rajo fiican, waxa uuna habeenkii ku seexday niyad-wanaagsan. Waxaa uu aaminay in maalin un la heli doono raadka Raxmo, maadaama haddaba meel uusan ka filayn uu ka helay raadka Xamdi. Waxaa uu go’aansaday in uu cagta cagta u saaro Caddaawe, isaga oo bilaabay in uu maalin walba vvaco, oo uu weydiiyo bal in uu ninkii helay iyo in kale.

Muddo 7cisho ah gudahood, Dhimbil war wanaagsan ayaa u yimid. Caddaawe ayaa soo wacay, waxa uuna u sheegay in ay ninkii is-heleen, uuna siiyey taleefoonka Xamdi oo deggan xaafadda Geed-jacayl. Dhimbil oo hadalkaas neecaw qabow ay ku martay, ayaa yiri “Walaal Caddaawe aad ayaan kaaga mahad-celinavaa sida qiimiga badan leh ee aad ii caawisay. Waagii hore cadow ayaan kuu arkayey, oo cuqdad ayaan kuu qaaday, laakiin inaan sidaan kuugu baxsanayo, oo aad i caawin doonto maanan filayn”. Waxaa uu intaas u sii raaciyey, bal in uu taleefoonkaas tijaabiyo, oo uu fiiriyo in uu shaqeynayo iyo in kale. Caddaawe codsigaas waa aqbalay, waxa uuna kula kaftamay “Caclavv kuguma ahayne, waxaan kaa bad-baadinayey xumaantii aad walaaqanaysey”.

Caddaawe, Xamdi waa wacay, waa ayna ka qabatay. “Ma Xamdi baa?” ayuu weydiiyey. “Haahe waa kuma adigu?” ayey ugu jawaabtay. Inta qoslay ayuu ku yiri “Waxaa uu dhib ka taagan yahay, haddii marka aan raagacayga kuu sheego aad i garan weyso”. Sayte “Soo daah, waan ku garan haddii aan is naqaanaye”. Xamdi xoogaa ayey isla sheekeysatay, waxaa ayna is-weydiinaysaa qofka magaceeda sheegaya qofka uu yahay. Maan-is-kala-sheekeysi kaddib, waxaa ay is-tiri “Mindhaa waa mid qaraabada ah ama saaxiib hore ah, ama habow ah ama ah qof taleefoonkayga inta la siiyey khalad loo soo sheegay”. Caddaawe ayaa ku yiri “Abbaayo ma garanaysaa nin Caddaawe la yiraahdo?”, “Alla! ma Caddaawihii ina Macallin ahaa baa?” ayey tiri, inta u malaysay nin ay horay u taqaanay oo ay meel qaraabo ka ahaayeen. Suuye “Maya, waa Caddaawihii deriska kula ahaa ee kaa furi jirey ninkii, xilligii beri-samaadka”. Sayte “Alla, walaalow ii waran, halkeed ku dambaysay, waagii ayaa iigu kaa dambaysaye, waxaan is lahaa waddanka waa ka tagay markaan ku arki waayaye?”.

Caddaawe ayaa si wanaagsan xaalkiisa uga sheekeeyey Xamdi, isaga oo uga warramay in uusan weligiis Xamar geesna u dhaafin, Allana ka bed-baadiyey, wixii musiibo dhacaysay. Sidaa oo kale ayey Xamdina uga warrantay Caddaawe arrimaheedii oo dhan. Xitaa guurkeedii dambe waa uga sheekeysay iyo carruurta ay gadaashiis dhashay iyo weliba gabadhii ay u dhashay ninkii uu ka furi jirey, oo inta qaan-gaartay mar hore la guursaday, laakiin guurkii ku hungowday, kaddib markii wiilkii guursaday uu waxba ka lari waayey, dabadeedna laga furey, ilaa iyo haddana ay la nooshahay, oo aysan weli guursan mar kale.

Markii ay hadalkii dhammaysay ayey weydiisey, iyada oo weliba aad uga mahad-celinaysa sida uu u soo xasuustay, waxaa uu ula soo xiriiri waayey haddii uu taleefoonkeeda hayey? “Abbaayo hadda ayaan helay taleefoonkaaga” ayuu ugu jawaabey.

Caddaawe ayaa war-bixinteedii si wanaagsan uga dhargay, wax waliba oo uu mid mid u weydiin lahaana, hal mar ka haqab-tirmay. Waxaa uu haatan ka fekerayaa in uu arrinta u sheego Xamdi iyo in uu war-bixintaan ula laabto Dhimbil oo uu u sheego, in uu taleefoonkii shaqeynayo, isagu markaas ha raadsadee. Xoogaa uu wax-is-weydiidiiyey kaddib, waxaa u soo baxay, in uu Xamdi u soo sheego arrinta Dhimbil, laakiin inta uusan u sheegin ka hor, waxaa uu si kaftan ah u weydiiyey halka uu ku dambeeyey seygeedii hore.

Xamdi oo ninkaasi maankeedu ka tir-tirmay ayuu xasuus kale geliyey. Waxaa ay eegtay gabadheeda oo mar walba weydiisa xog aabbeheed ku saabsan, oo ay u weyday wax qalbigeeda dejiya. Waxaa ay xasuusatay mar, geeridiisii loo sheegay oo aysan arag maydkiisa. Waxaa ay la soo boodday “Walaalow ninkaas waagii ayaa iigu dambeysay, mar ayaa la ii sheegay, in uu ku geeriyooday dagaalladdii 90maadkii Xamar ka dhacayey. Waan raadiyey meeshii la iigu sheegay in uu ku dhintay, laakiin raqdiis iyo ruuxiis midna ma arag”. “Adigu wax wara ma ka haysaa meel uu jaan iyo cirib dhigay?” ayey weydiisey. Waxaa uu u sheegay, in uu isagu macluumaad ka hayo ninkaas, uuna nool yahay. Neef ayaa ka soo fuqday Xamdi oo aaminsanaynd in uu waa hore geeriyooday, misena dhib weyn kala kulantay gabadheeda, oo maalin walba weydiisa xogaha aabbeheed. Waxaaba taas uga sii daraneyd, in aysan aqoon dadkiisa isla mar ahaantaasna aysan macluumad fiican ka haysan abtirkiisa. “Haye bal walaal, khayr sheege, iiga warran ninkaas, oo war-bixin iga sii?” ayey ka codsatay Caddaawe.

Caddaawe waxaa uu war-bixin ka siiyey Dhimbil, oo ay u taqaaney Axmed Samatar, waxa uuna u sheegay in uu magaalada Xamar muddo yar joogo. Waxaa kale oo uu u sheegay, in uu adiga iyo gabadhaba raadinayey, oo howlaha uu u yimid ay ugu muhiim sanayd. “Al-xamdullillah haddii uu nool yahay, intaas ayaa maanta aniga iyo gabadhaydaba farax ugu filan. Mashaa Allah, Allow khayr ku sii” ayey ku tiri Caddaawe, iyada oo taleefoonka ku jirtana u yeertay gabadheedii Samsam oo tiri “Naa Samsameey, kaalay abbahaa ayaa la helaye”. Caddaawe taleefoonka dhexdiisa ayuu ka maqlayey hadal daciif ah oo ahaa “ABSHIR… ABSHIR… ABSHIR, hooyo yaa soo sheegay warkaas wanaagsan”. Xoogaa farxad iyo mashxarad ah, oo ay Xamdi iyo gabadheedu ku jireen kaddib, waxaa uu Caddaawe ku yiri “Abbaayo Jimcada ayaan idiin keenayaa haddii Alle yiraahdo”. Xamdi iyo gabadheeda oo ay samaacadda u furtay, oo wada maqlayey, ayaa hal mar wada yiri “Haye Caddaawe, waan idin sugeynaa haddii Alle yiraahdo”, iyada oo si wanaagsanna gurigii ugu tilmaantay, maadaama uu xaafadda kala yaqaanay. Haikaas ayaana lagu ballamay, waxaana ka dhimman Jimcadaas la ballamay, saddex beri oo keliya.

Caddaawe waxaa uu isla markiiba soo wacay Dhimbil, waxa uuna u sheegay in uu taleefoonkii saxan yahay oo uu shaqeynayey, uuna wacey Xamdi. “Laakiin baadi-furyo ayaan kaa rabaa saaxiib” ayuu u raaciyey hadalkiisii. Dhimbil, farxad ayuu la dhacay, waxa uuna ku hadlay hadallo badan, oo aan xaddidneyn farxaddaas awgeed. “Walaal Caddaawe, wax walba waa iga diyaar, afkaagu yuusan ku ciilan e, ballan ma nooga soo qaadey?” ayuu si reyn-reyn ku dheehan tahay u weydiiyey. “Haah, oo Jimcada ayaa nala casuusmay oo ah SidataaV, ayuu Caddaawe ku yiri, isaga oo war-bixin dheerna ka siiyey Xamdi iyo xaalkeeda hadda.

Dhimbil ayaa taleefoonkii markii uu isa saarey, farxad darteed sariirtiisii ku dul bood-booday. Waxaa kor u kacday rajadii uu qabay iyo dantii uu u yimid magaalada Xamar. “Jimcadu waa fog tahay” ayuu dhawr jeer is-weydiinayaa, hilowga uu u qabo in uu arko gabadhiisii darteed, laakiin misena waxa uu is-leeyahay ballanta ha ka hor dhicin, isaga oo markaas bilaabay in uu ka fekero waxa uu hadiyad ahaan gabadhiisa iyo hooyadeed ugu geyn lahaa iyo carruurta la dhalatay gabadhiisa ee ay xaaskiisii hore ee Xamdi u dhashay ninkeeda hadda qaba. Waxaa uu hayaa tirada carruurta ay dhashay: wiilal iyo gabdho, waxaa ay kala yihiin iyo weliba da’dooda, oo uu Caddaawe u sheegay.

Waxaa uu bilaabay in uu u wacdo saaxiibkiisii magaalada ku soo dhaweeyey ee Cismaan, waxa uuna ka codsaday in uu geeyo suuqa Bakaaraha, si uu dhar iyo hadiyado ugu gado Xamdi iyo qoyskeeda dhammaan. Waa uu ka aqbalay Cismaan, waxa uuna geeyey Arbacadii suuqa Bakaaraha, halkaas oo dhar iyo hadiyado fara badan oo kala duwan uu uga soo gaday qoyskii Xamdi oo dhan.

Geesta kale, Xamdi, waxaa ay u sheegtay ninkeedii Maxamed Cali, in uu yimid aabbaha Samsam, taasoo uu aad uga maqsuuday, mar haddii gabadhiisii maanta ay cuqdaddii ka baxayso oo ay heshay aabbeheed isaga oo nool, iyaga oo markii hore u wada haystay in uu geeriyooday kal hore. Waxaa ay bilaabeen Xamdi iyo gabadheeda Samsam, in ay diyaariyaan qado-sharaf aad u qurux badan iyo fadhi aad u bidhaan-vvanaagsan. Waxaa ay Xamdi ka codsatay seygeeda Maxamed, in uu isna maalintaas diyaariyo Qaad aad u wanaagsan, maadaama xilligii ugu dambaysay, uu Dhimbil jaadka aad u cuni jirey, marti-qaad aan marqaan lahaynna uusan aadi jirin. Wax walba oo ay lahaayeen waad ku soo dhaweyn kartaan Dhimbil, waa ay diyaariyeen, waxaa ayna sugayaan maalinta Jimeaha ah oo ay hadda ka dhimman tahay hal maalin oo keliya.

Waxaa ay saacaduhu is-guraanba, waa la gaaray Maalintii Jimcada ahayd. Waxaa uu Dhimbil wacay Caddaawe iyo saaxiibkiis Cismaan, oo labaduba kala qeyb-qaadanaya booqashada iyo marti-qaadkaas. Waxaa ay soo baxeen markii ay saacaddu ahayd shan saac (11 AM), waxaa ayna aabbaareen masjidka Khaaliq, oo ahaa masjidkii xaafadda ugu dhawaa, oo ay Salaada Jimcada ku soo tukanayeen, halkaas oo markii Salaadii la tukaday, gurigii Xamdi si toos ah loo abbaaray. Waxaa la gaaray gurigii, waxaana maanta oo dhan albaabka taagnayd Samsam, oo doonaysay in ay aabbeheed albaabka ka furto, isla markaana noqoto qofka ugu horreeya ee aabbeheed qaabila.

Caddaawe ayaa albaabkii garaacay, raise waxaa isla markiiba furtay Samsam, oo maanta oo dhan albaabka ag taagnayd. Waxaa ay aragtay saddexda nin ee meesha taagan. Shaki ayaa galay, oo waxaa ay kala garan weyday qofka aabbeheed ka yahay saddexdaas. Waxaa ay hooyadeed horay ugu sheegtay, in uu aabbeheed ahaa nin madax ah, oo dharka isku joogga ah ku labista, oo ka duwan kuwa ay dadka caadiga ah xidhaan, haddana waxa ay aragtaa saddex nin oo isku labbis ah oo qamiisyo wada qaba. Waxaa ay is-tiri “Ha fashilmine, qaabil oo gee qolka loogu tala-galay”.

Inta ay soo kaxaysay ayey fariisisay qolkii loogu tala-galay. Qolkii ayey galeen. Cajiib, waxa ay la yaabeen qolka quruxda uu leeyahay, sida loo hagaajiyey iyo fadhiga yaalla quruxdiisa. Waxaa ka sii daran, udgoonka iyo hawada carfoon ee is-daba maraysa oo raggii mid walba geestiisa sanka ula raac-raacayo ee uu u jiidayo. Horay ayey u soo galeen, mise, waxaa meesha fadhiya oo ku soo dhaweynaya Maxamed Cali, oo ah ninka Xamdi haatan qaba. “Soo dhawaada Odayaal” ayuu ku yiri, isaga oo istaag ku salaamay. “Waan dhaw nahay” ayey dheheen, inta wada fariisten. Waxaana isla markiiba meesha ka bilaabatay is- barasho.

Xoogaa kaddib, Maxamed Cali waxaa u yeertay Samsam, bannaanka ayuu ugu baxay, waxaa ayna weydiisay aabbeheed, saddexda nin kuu ka yahay, waxa uuna u tilmaamay midka uu yahay. Samsam ayaa si hal-haleel ah qolkii isugu soo sii daysay, iyada oo abbaartay aabbeheed, waxaa ayna ku bilowday shummis iyo “Aabbe, Alle ma ku bed-baadiyey, waxaan u haystay in aad waa hore dhimatay!”. Waa ay kusii catowday, iyada oo lahayd “Alla aabbow, maxaad intaas oo dhan iiga aamusnayd haddii aad noolayd, aabbow miyaadan i jeclayn, sideen maskaxdaada uga tir- tirmay! Alla aabboow… Alla aabboow” iyo erayo kale oo qalbiga aabbeheed wareemayey. Dhimbil, waxaa ku soo joogsatay illin, wax jawaab ahna waa ka soo bixi weyday, waxa uuna ku qallalay gabadhii. Samsam maanta oo dhan waa la hadlaysaa, oo ku barooranaysaa, isna illin keliya ayaa ka qubata, wax hadal ahna ma leh.

Cabbaar markii sidaas la isugu dhegganaa, ayaa waxaa aad u yaabey raggii meesha la fadhiyey, waxaa ayna bilaabeen in ay la hadlaan, gaar ahaan gabadha, oo iyadu miyirkeedii xoogaa joogey. Caddaawe ayaa gabadhii ku yiri “Adeer, aabbe waa miyir-daboolmee, bal hadalka ka daah, inta uu soo miyir- ? laabanayana, bal u soo laabo, haddii kale xaalkiisu sidaan waa ka sii darayaa, adeerey”. Cismaan ayaa hadalkii sii raaciyey, oo yiri “Adeer Samsam, bal noo soo laabo, odaygu xaalkiisu meel aan caadi ahayn ayuu marayaaye, bal aan la sii tacaalnee”. Samsam ayaa hadalka nimanka ku soo baraarugtay. Waxa ay fiirisay aabbeheed, mise ilmo ayaa ka qubanaysa. Si wanaagsan ayey u sii eegtay, mise jidbadii qaadday ayuu ka soo laaban la’yahay, waa uuna hingo- booyayaa. Inta ay maradeeda ilmadii ka qubanaysay uga tirtirtay, ayey ka istaagtay dhabta aabbeheed, isla markaasna baxday, iyada oo lahayd “Aabbe aamus, aabbe I soo fiiri, haye …. waan kuu soo laabanayaa”.

Caddaawe iyo Cismaan ayaa si tartiib-tartiib ah ula hadlay Dhimbil, waxa uuna bilaabay in uu inyar-inyar uu u soo laabto miyirkiisii. Markii uu miyirkiisii caadi noqday, ayuu nimankii weydiiyey “Meedey gabadheydii?” Caddaawe ayaa yiri “Walaal, gabadhii annaga ayaa niri noo soo laabo qadada kaddib, sababta oo ah, waxa aan ka baqnay in aad sidaas ku sii tagtid, oo miyir-daboolka ku gaaray uu ku geeyo meel- xille”. Cismaan ayaa intaas u sii raaciyey “Walaal, wey soo laabanaysaa, qadada kaddib ayaadna ku kulmaysaan meel gaara, oo aad ku kala dhargi doontaan, ee hadda is-dejl walaal”.

Waxaa lagu soo bilaabay marti-qaadkii oo jaadad kala duwan ah. Maxaa dhawrkii daqiiqaba wax gooni ah loo soo dhigaal waxaana ku dhacay raggii meesha fadhiyey indho-daraan- dar. Waa la bilaabay cunto-cuniddii, iyada oo ay dh€ socdeen sheekooyin, kaftanno iyo ka taariikhaynta waayo waayo. Dhimbil isagu waxaa uu ugu jecel yahay sheeko, in laga hadlo wixii Xamar ka dhacayey 23kii sano ee la soo dhaafay iyo sidii ay wax u dhacayeen, ragga meesha joogana waxaa ayba u ahaayeen goob-joog howlahaas oo dhan. Haddii mawduucaas laga baxo, waxaa uu isku dayaa in uu ku soo celiyo, si uu wax badan uga ogaado dhibaatada gaartay magaalada iyo dadka Soomaaliyeed ee ku noolaa. Waxaa hadba looga sheekeeyaa qiso mucjiso ah oo ka dhacday Xamar, oo uu aad ula yaabo ilaa markii dambe looga sheekeeyey, in ay dhacday, in xitaa mooryaantii Xamar dulmigoodii uu gaarey, in ay dadka Miisaamaan, oo qofkii 50KG ka bata, laga qaado lacag, iyada oo calaa kiilo la xisaabinayo.

Sheekooyinkaas iyo qisooyinkaas murugada leh ee looga sheekeynayey, waxaa ay Dhimbil gaarsiiyeen in uu ilmeeyo, waxa uuna markii dambe codsaday in sheekooyinkaas intaa lagu joojiyo si uusan u miyir-daboolmin mar kale. Raggii meesha fadhiyey oo dhan ayaa wada eegay, mise ilmo ayaa ka dhobo’ leh, oo qamiiskiisii in tiisii badnayd qoysay, markaasaa sheekadii la beddelay, oo siyaasadda dawladda Xassan Shiikh Maxammuud iyo arrimaha Feedaraalka laga wada sheekeystay, isaga oo Dhimbilna wax war ah uu ka soo bixi waayey, waxa uuna ku mashquulsan yahay, qisooyinkii nimanku ay ka sheekeynayeen. Inta hogtay, oo uu gacanta iyo wejiga isa saarey, madax-ruxidna bilaabay, ayaa raggii waxaa ay ku soo baraarugeen, isaga oo hoos u dhahaya “Tanina ma dhacday? Wallee Soomaaliya waa loo dambeeyey!!”.

Waa la qadeeyey, alaabtiina waa laga qaadey goobtii. Xoogaa yar kaddib, waxaa kacay Maxamed Cali, waxa uuna keeney Jaad si heer sare ah loo soo naqeeyey, oo weliba ah nooca qaaliga ah ee loo yaqaan Kabaji. Markii uu soo dhigay ayuu yiri “Akhyaarta waa qaade, is yara kuluieeya, waxaan idiin doonayaa shaah, cabbitaano iyo sigaare”. Inta uusan bixin,

hadalkiina uusan dhammayn ayuu weydiiyey “Horta sigaarka ma wada cabtaan mise rag aan cabbin ayaa idin ku jira?”. Waa la is-wada dhugtay, nin walbana waxaa uu u qabaa in ragga kale qayilaan. Cabbaar ayaa Maxamed oo taagan aan loo jawaabin, oo la is-fiir-fiirinayey, taas oo Maxamed qudhiisa shaki ku abuurtay. Markii dambe ayaa waxaa soo booday Dhimbil oo yiri “War ragga qaadka cuna ha u jawaabaan Maxamed, waxaa ay u baahan yihiinna ha u sheegaan”. Mar labaad ayaa la aamusay, waxaana sii amakaagay Maxamed, oo aaminsanaa in uu Dhimbil yahay ninka hawshaan loogu tala-galay, maadaama ay xaaskiisu u sheegtay, in uu muqayil weyn ahaa. Cabbaar ayuu misa sugayey Jawaabaha labada kale. Caddaawe ayaa soo booday oo yiri “Maxamed, qaadka waa hore ayaa iigu dambaysay, waxaana joojiyey 1999kii, marka aniga dhankaygana waa ka bas”.

Maxamed waa niyad-jabey markaan, oo isaga laftiisa ayaaba qayila, waxa uuna lahaa “Maanta Akhyaar-sharaftaan Is-kala baashaal”. Waxba markaan meesha uma yaallaan, maadaama labadii nin ee loo xil-qabay ay dheeheen “ Ma qayilno”. Inta isagu su’aalay kii saddexaad ayuu yiri “Adeer adigu ka warran?”. Suuye “Adeer, weligeyba anigu qaad ma cunin, sigaarna iskaba dhaaf’. Halkaas ayuu Maxamed ku bas- beeley. Waxaa uu bilaabay in uu qaadkii ka hor qaado nimankii, isaga oo u geeyey una sheegay Xamdi, in maanta la khasaarey, oo nimankii qaadkii wada diideen, isla markaasna sheegeen in ay horay u joojiyeen. Waxaa uu ka codsaday Xamdi, in ay u yeerto naagtii qaadka laga soo qaadey, oo loo celivo.

Xamdi oo kala garan weyday in uu Dhimbil sidiisa u diiddan yahay maanta iyo in uu joojiyey qaadkii ayaa tiri “Waa yahaye, adigu intaada ka reebo”. “Aniguna ma rabo, raggaasna qaad ku hor cuni maayo, ee hala wada celiyo” ayuu ku yiri Xamdi. Halkaas ayaa qaadkii lagu celiyey, iyada oo Maxamed Cali- na uu maalintaas go’aansaday, in uu joojiyo qaadka cuniddiisa – oo awalba uu ku dhibbanaa ruugistiisa – maadaama maqaawiirtaasiba iska joojiyeen. Waxaa uu Maxamed ku soo laabtay marti-sharafkii oo uu shaah iyo cabbitaanada cuntada dejiya u soo qaaday, halkaasna xoogaa lagu sii wada sheekeystay, iyaga oo Maxamed Cali uga cudur-daartay marti-qaadkii Jaadka iyo luggooyadii uu kala kulmey.

Xoogaa yar kaddib, waxaa uu Dhimbil codsaday, in uu soo arko Xamdi iyo carruurteeda, waxaana bannaanka u soo saarey Maxamed, oo tusiyey halka ay fadhiyaan. Waa uu aaday, waxa uuna arkay Xamdi oo bur-burkii ka hor isugu dambaysay, oo sideedii u eg. Kor ayuu inta ka salaamay ku yiri “Abbaayo Xamdi waan ku salaamey”. Inta ay fiirisay ayey tiri “War ninkaani ma Axmed Samatar baa?”. “Waa isagii” ayuu yiri, inta qoslay. Xamdi ayaa inta la yaabtay sida uu u ekaaday iyo sida uu ahaan jirey, tiri “War ma saanaa kuu dambaysay?!”. “Adduunoow Xaalkaa ba’!” ayey sii daba dhigtay hadalkeedii. Dhimbil, markaan madaxa ayuu ruxayaa, oo waxaa uu xasuustay magacii uu isagu sheegay Xamdi, maadaama ay la soo boodday, boogtaasna waa ka dhayantay.

Samsam ayaa raarkii ay aabbeheed aragtay, mar labaad ku boodday, oo xabadka inta saartay ku tiri “Aabbe, ha iga tagin mar labaad, kaa hari maayo, meel walba oo aad u socotid waan kuu raacayaa. Waan kuu hiloobey, wax badan ayaana muuqaaga raadinayey. Muddo ayaan ka shakisanaa in aan aabbe leeyahay iyo in aanan lahayn oo la i maaweelinayo, haddii aan maanta ku helayna sinnaba kaaga hari maayo”.

Dhimbil mar labaad ayuu ilmadisii xukumi waayey, hadallada gabadha ka soo yeeraya awgood, laakiin markaan waa boohin-hadlay, waxa uuna gabadhii ku yiri “Aabbe, wixii dhacay ka raalli ahow, waana khaiad aan sameeyey, mar dambana dhici mayso, waxaan se aabbe kaa codsanayaa in aad illowdo wixii hore, oo aan maanta u wada furno bog cusub xiriirka yaga dhalasho. Kaa tagi maayo, kala hari mayno, in ay geeri na kala geyso mooyee”.

Samsam hadalladaas waxaa ay u dhayeen boogo fasasay, oo horay dhayid iyo daawo loogala quustay, waxaa ayna aabbe ugu hadal-celisay “Aabbe, hadalkaaga waan ku qancay, waxa uuna runtii iga daaweeyey xanuunno badan oo isugu jirey kuwa nafsaani ah iyo kuwa duieed, oo aan in muddo ah la hulaaqnaa. Aabbe, waxaa kale oo i qanciyey, in aadan i hilmaatnin ee aad jid-dheer u soo gashay baadi-goobkeyga. Aabbe, waan ku jeclahay, weligaana qalbigayga ayaad ku astaysan tahay”. Waxaa ay intaas sii raacisay Samsam “Aabbe, intaan kuma kala bogan karno e, wakhti dheer ayaan wada qaadan doonnaaye, hooyo iyo carruurta salaan” Markaas ayuu Dhimbil waxaa uu bilaabay in uu carruutii la kulmo, sal-salaamo, isla markaasna hadiyado qaali ah oo uu reerka oo dhan ugu soo tala-gaiay wada guddoonsiiyey.

Dhanka Xamdi ayuu u soo jeestay, waxa uuna ugu dhaqaaqey in uu ka wareysto xaalkeeda iyo saamayntii dagaalladii sokeeye, Waxaa ay si kooban uga warrantay wixii ba’naa ee la l soo maray iyo sidii Alle gees uga mariyey. Waxaa ay u sheegtay in dagaaliada ay weheliyeen cudurro iyo macaiuul,’ mararka qaar u dhaweeyey in ay naftooda ku waayaan, laakiin Hebbe ka soo bad-baadiyey. Iyada oo xasuusyo badan gashey, inta ay musiibadii Xamar ka sheekeyneysey, ayey tiri, “Axmedow, wixii hoog iyo halaag la soo maray, maalin loogama sheekeyn kare e, haddii Ilaahay na mootiyey, in aan ku mahadinaa waajib nagu ah”.

Xamdi, mar waxa ay uga warrantay Dhimbil, in ay Xamar ka qaxdey 2007dii, oo hoog iyo ba’ ka dhacayey dartiis ay Hargeysa ilmihii ula carartay. Waxaa ay aad ugu ammaantay nabadda Hargeysa tiilley iyo dadka ku nool, oo ay ku ammaantay garaad iyo garasho. Waxaa ay ka abaal-sheegatay oday Axmed la yiraahdo, oo ay gurigiisa ijaar ugu jirtay.

Xamdi oo uga warramaysey Dhimbil abaaikii uu Oday Axmed u galay, ayaa waxaa ay ku tiri “Ayaan uu Maxamed Cali shaqo la’aan noqday, oo ay wax iga ka kala go’een, ayuu ijaarkli isku kay gaarey saddex bilood, markaas buu Oday Axmed inta uu ii yimid i weydiiyey, waxaa aan kiradii u bixin la ahay. Markaas baan waxaan u sheegay daruuf yar in ay jirto, aniga oo ka codsatay in uu ii dul-qaato muddo yar. Inta uu naxey, oo si fiican oo dhugmo leh u eegay aniga iyo carruurtaydaba ayuu indhaheena ka dareemey busaaradda adag ee na haysa. Inta cabbaar hogtay, oo ka xumaadey nolosha iyo wax la’aanta na haysa ayuu igu yiri “Adeer, kiro dambe, biyo dambe iyo nal dambe ma bixin kartaan. Dukaankaas naga soo horjeeda ee uu leeyahay Xaaji Warfaana, waxa aad u baahan tihiin ka soo qaata (lacag iyo cuntaba) waan idin kala ballamayaaye, kuna noolaada halkiinnaan inta Xamar xaaikeedu si noqonayo”. Sidaas ayaan barwaaqo ugu nooleyn 2009kii – 201 lkii, oo uu odaygaasi halkaas nagu hayey. Waxaa uu Oday Axmed aad u jeclaa gabadhaada Samsam, oo iyaduna baarri u ahayd”. “Alla nasabsanayaa! Weligay ninkaas oo kale ma arag, waxaana ku dueeystaa, in uu ninkaasi mar un isoo muto, aniga oo ladan” ayey war- bixintaas ugu soo koobtay.

Intii ay hadalka u wadday ayey soo xasuusatay xaalka Samsam iyo guurkii ay soo martay, markaas ayey la soo boodday “Walaal hal arrin oo aanan kuu sheegin ayaa jirta. Gabadhaada Samsam, sannad ka hor ayaa la guursaday, wiil fiican ayaa qabay muddo sannad ka badan, markii dambena waa kala tageen”. Inta hadalkeeda la yaabey ayuu ku yiri “Oo muxuu ahaa wiilkaas fiican, maxaa ayse isku fureen?”. Markaas ayey qisadii iyo sidii ay u dhacday – bilow ilaa dhammaad – uga sheekeysay. Inta madaxa ruxay ayuu yiri “Wallaahi qisooyinkaas ragga waa ku dhacaan, waana wax iska rabbaani ah”. Isaga oo hadalkii ku dhex jira ayey Xamdi su’aal deg-deg ah weydiisey, waxaa ayna ku tiri “Walaal, qaadkii ma iska daysay?”. Inta qoslay ayuu ku yiri “Waxaas Ilaahay waa iga koriyey. Ma u malaynaysaa haddii aan cuni lahaa in aan idin soo raadin lahaa?”. Isla isaga ayaa isku jawaaabey oo yiri “Maya, wallaahi baana idin soo goobeen!

Xamdi soo tna ogid, wax yaalihii reerkaygaan iyo kuwo kalaba aan waajibkooda u gudan waayey, oo aan u kala tagnay in uu isaga sabab u ahaa?”, Misena inta hadalkii qaatay ayuu ku soo gaba-gabeeyey “Waxaas ha i maqashiin, Alle waa iga koriyee!”

Waxaa uu u sheegay Xamdi iyo Samsam ba, in ay jirto gabar kale oo uu dhalay oo kol dhow aqal-galaysa, oo uu doonayo in uu soo baro Samsam. Inta faraxday ayey Samsam tiri “Aabbe gabadhaasi halkee ku nooshahay, waan jeclahay dad ila dhashay in aan arkee?”, Waxaa uu ku yiri “Waxa ay deggan tahay xaafadda Buulo-Xuubey, waxaana ku soo barayaa berri ma ahane saadambe, haddii Alle yiraahdo”. Isaga oo hadalkii sii wata, ayuu weydiiyey Samsam in ay taqaan Hoteelka Kuraasya-cad. “Haah waan aqaan” ayey ugu jawaabtay. Waxaa uu ku yiri “Aabbe taleefoonkayga qoro, oo maalinta saadambe ah ee Axadda ah iigu imow, Ida Duhurnimo, ina soo wac markii aad timaado, laguuma oggola in aad iska gasho Hoteel-kee”. Inta si farxad ku dheehan tahay wejigiisa u I’iirisay ayey tiri “Haye aabbe, aniga ayaa kuu imaanaya haddii Alle yiraahdo”. Halkaas ayeyna maalintaas ugu dhammaatay farxad iyo reyn-reyn, oo u badneyd Samsam iyo aabbeheed Dhimbil.

Dhimbil ayaa raggii gadaal ugu soo laabtay, waxa uuna u sheegay in uu soo bogtay. Waxaa ay hal mar la soo boodeen “Hambalyo, Ilaahay ku mahadi haddii maanta gabadhaadii Alle nabad kugu tusiyey”. “Al-xamdulillaahi” ayuu yiri, waxa uuna sii raaciyey “Aad ayaad u mahadsan tahay Walaalkey Caddaavvc, Abaalkaagana ma gudi karo”, isaga oo sii daba dhigay “\ alaalayaal ina keena aan baxnee, inta uusan gabbalku naga dhicin”. Waa ay baxeen iyaga oo wada macasalaameeyey reerkii Xamdi iyo Maxamed Cali. Waxaana si gaara isku sii macasalaameeyey Caddaawe iyo Xamdi oo is-lahaa “Aad iyo aad ayaad u mahad-santahay aboowe Caddaawe, abaaikaaga lama gudi karo iyo abbaayo adiga ayaa mudan, waa la isku leeyahay”. Markii ay baxeen oo gaareen laamiga Geed-jacayl, ayaa saddexdii nin – inta si sharaf leh isku salaameen – ninba gurigiisii abbaaray oo caasi qabsaday.

Markii uu Dhimbil tagay Hoteel-kiisii ayuu isku tuurey sariirtiisii, waxa uuna isku dayey in uu indha-guduudsado, laakiin hurdo ayuu gama’ siin waayey. Waxaana maskaxdiisa ka guuxaya wax yaalo badan oo uu kala garan la’yahay in ay tahay farxad iyo in ay tahay murugo. Mar waxaa maankiisa ku soo dhacaya la-kulanka gabadhiisii oo uusan weligiisba arag, marna waxaa uu gocanayaa wax-yaalo tiiraanyo ah, oo qisooyinkii iyo musiibooyinkii nimankii ay ka warramayeen ayaa hadba qiso qiso u soo hor maraysa. Hadba sariirta ayuu gees isugu tuuraa, waxa uuna iska baaraa hurdo, mise ma helo. Waa uu is-maaweeliyaa, waxa uuna qalbigiisa ka saaraa was-waaska iyo shaashad-beenaadka ay ka socdaan filimaanta jinni-jinniga ah. Xoogaa kaddib ayuu hurdo calwo-saad ah garn’ay.

Markii uu soo kacay ayuu Hoteelka qeybtiisa kafeega fariistay, waxa uuna u yeertay Kafee-canoole Rasiin ah, oo kala socda. Intii uu cabbayey ayuu maankiisa kala sheekeysanayey qaabbilaaddii iyo aragtida wejiga gabadhiisii quruxda badneyd. Waxaa u soo baxaysey in uu ku guulaystay aragtida iyo helidda labadisii gabdhood. Laakiin, waxaa u bilaabatay daaqad murugo ah oo kale. Hadda waxaa uu is- weydiinayaa halka wiilkiisii uu ku dambeeyey. Waxaa uu markaan u muuqdaa in uuba wiilkaas ka jecel yahay labadaan gabdhood, oo haddii isaga uu ka hor arki lahaa labadaan gabdhood aysan mushkilad badan ku hayseen. Inkasta oo uu baadi-goobkiisii koowaad ku guul-darraystay, waxaa uu hadda is-weydiinayaa sidii uu ku raadin lahaa iyo waddooyinkii kale ee uu u mari lahaa baadi-helkiisa.

Xoogaa kaddib ayuu waxaa uu wacay Nasiib, waxaa uuna ku yiri “Aabbe ii waran, labadaan maalmood kuma soo wicine”. “Aabbe aad iyo aad ayaan u fiieanahay, waan ogahay aabbe xaalkaaga iyo in aad magaaladan oo ay kuugu dambeeyey 23 sano ka hor ku mashquulsan tahay, waana dareemi karaa”.

Inta maankiisu hadalka quraxda badan ee Nasiib ku degay, ayuu yiri “Aabbe waxaan doonayaa in aan ku baro gabar walaashaa ah, oo aan dhalay oo la yiraahdo Samsam, oo ku noul xaafadda Geed-jacayl, waxaana ku ballamiyey saadambe oo Axad ah, Hoteel-kaan aan degganahay. Marka Aabbe ii imow maalintaas aan iskiin baree Walaashaa”.

Nasiib ayaa hadalkaas aad uga maqsuuday, maadaaina ay keligeed dhashay hooyadeed, ayna aaminsanyd in aysan lahayn wax walaal ah oo kale. Inta farxad la soo boodday ayey tiri “Alla aabbe i bar walaashey macaan, wallaahi farxad gaara ayey ii leedahay arrintaas aanan la qiyaasi karine. Waan rabey wax walaal ah oo aan leeyahay in aan arko, waana imaanayaa maalintaas”. Waxaa ay sii raacisey hadalkeedii “Aabbe ma galabbaa ballantu mise waa subax?”. Waxaa uu u sheegay in ay qado tahay oo ay ku wada qadeynayaan Ida duhurnimo isla Hoteel-kaan.

Labada gabdhood mid kasta waxaa la dheeraadey wakhtigii, maadaama mid walba ay kal-gacal iyo hilow badan u hayso in ay aragto qofta kale ee ay walaalaha yihiin. Maalintii la gaarey wakhtigii, ayaa mid walba waxaa ay isku soo aadisay Hoteel-kii uu aabbaheed ku ballamiyey, waxaana ku soo hormartay Hoteel-kii Samsam oo iyadu 12kii duhurnimo oo gow ah iskeentay.

Samsam, iyada oo irridda Hoteel-ka taagan, oo kuwa irridda jooga u diiddan yihiin in ay gasho, leeyihiinna “Waco qofka aad u socoto”, ayaa waxaa meesha soo istaagey Faarax oo Hoteel-ka aad looga yaqaanney. Waxaa uu arkay Samsam oo irridda taagan oo lagu celinayo. Waa uu salaamay, waxa uuna ku yiri “Abbaayo maxaa meesha ku istaajiyey?”. Inta farxad iyo reyn-reyn ku soo dhaweysay seygeedii hore ee ay jeclayd, laakiin maqaaddiirtu dhaafisay, ayey ku tiri “Abboowe ma ii fiican tahay? Abboowe, aabbahay ayaa yimid oo Hoteel-kaan deggan oo igu ballamiyey, marka taleefoonkiisiina lama heli karo ayuu leeyahay, nimankaanna waa ii diideen in aan galo.”

Faarax aad iyo aad ayuu ugu farxay in ay Samsam maanta aabbeheed heshay, laakiin misena waxaa uu is-weydiinayaa oo is leeyahay “Soo tii waagii aad guursanaysay la lahaa gabadhaan aabbeheed waa dhintay, goorma ayuu soo noolaaday?!”. Isaga oo yaabban ayuu yiri “Abbaayo soo tii adiga iyo hooyaba aad lahaydeen waa dhintay aabbe”. Waa ay dhoolla-caddaysay, gees ayeyna inta la istaagtay, isla markaas guda-gashay in ay – guud iyo cirib – uga warranto arrinka aabbeheed, Markaas ayuu inta qancay u hambalyeeyey, kuwii albaabka joogeyna kala hadlay, oo isaga iyo iyaduba irriddii horay u dhaafeen. Intii ay sii socdeen, ayey hadallo is-xog-wareysi iyo kaftan u badan is dhaafsanayeen. Faarax ayaa hadalkii ku soo gaba-gabeeyey “VVallaahi waad iga nasiib iyo aayo wacan tahay, haddiiba aad aabbahaa heshay, anigu well wax raadkiis iyo ruuxiis sheegaya ma arag!”

Markii ay Hoteel-kii qeybtiisii dambe galeenba, waxaa ay Samsam isheedu qabatay aabbeheed oo meel fadhiya, oo sugayey labadiisa gabdhood. Inta ku soo boodday ayey salaan iyo dhunkasho isugu dartav, waxaa ayna ku tiri “Aabbe caafimaadkaaga iiga warran”. Is-wareysi yar kaddib, inta aabbeheed soo jeedisay, oo farta ugu fiiqdey ayey tiri “Aabbe wiilkaas ayaan doonayaa in aan ku baro, waa seygaygii aan jeclaa ee ummuurtu na kala geysay, waa Faarax”. Inta ay Faarax u yeertay ayey ku tiri “Waa kan aabahay Axmed”. Faarax inta salaan ku boobay ayuu ku yiri “Adeer waan ku salaamay, waana ku faraxsanahay in aad qoyskaagii iyo gabadhaadii aad is hesheen, oo aad la midowday”.

Oday Dhimbil, oo runtii qisada gabadhiisa iyo wiilkaan si wanaagsan looga sheekeeyey ayaa ku yiri “Adeer waa nabad, waana fiicanahay. Waan ku faraxsanahay in aan ku barto. Waa la iiga warramay in aad tahay wiil wanaagsan oo ka sarreeya qeyrkiis, waana maqlay Jacaylka adiga iyo gabadhaydaan idin ka dhexeeyey, laakiin waa iska adduun, oo wax walba waa la arkaa, marka adeer barasho wanaagsan, halkaanna waa la iga helaa”.

Faarax oo xoogaa ka naxay war-bixintaas odayga horay laga sityey, ayaa yiri “Haye adeer barasho wanaagsan, waan sii baxayaaye”. Inta gacanta u haatiyey Samsam ayuu ku yiri “Samsam abaayo Hambalyo, guul ayaan ku rajaynayaa, ASALAAMU CALAYKUM”. Samsam iyo aabbeheed ayaa hal mar wad a yiri “WACALAYKUMU SALAAM”. Marka uu sii baxayey, ayey Samsam u yeertay, waxaa ayna ku tiri “Aboowe, gabar aan walaalo nahay ayaa inoo imaanaysa, oo Aabbe i barayee maad sugtid, aan ku baree”. Faarax ayaa ugu javvaabey “Abbaayo, hadda aabbe farxadda la wadaag, anna meel ayaan u deg-degsanehee, maalin kale inooga dhig barashada abbaayo”. “Haye” inta tiri ayey macasalaamaysay.

Samsam, intii ay is-baraysey seygeedii hore iyo aabbaheed, waxaa ay la yaabto ayey aragtay. Waxaa ay fiirisaa aabbeheed, mama waxaa ay fiirisaa Faarax, mise waa isku egyihiin. Madaxa, indhaha, sanka, dhagaha iyo dhabannada waxba isma dooriyaan. Si fiican ayey isha uga wada buuxsataa, mise waxa aad mooddaa in la-kala jeexey. Mar ayey is-tiraahdaa ma u sheegtaa oo ma tiraahdaa “Waad isku eg tihiin”, mama waxaa ay is-leedahay “Mindhaa waa isku qolo, oo sidaas armay isugu ekaadeen” Waxaa ka soo harey amakaag iyo aamus iyo “Aile nimankaani isku ekaa, ma mataano isku calool jiifey baa!”

Faarax ayaa Hoteel-kii ka baxay, waxa uuna aaday dhanka Hoteel-ka Saxafi. Markii uu wadada gooyey, ayuu arkay Nasiib oo caasi meesha uga deganaysa. Inta u yeeray ayuu salaamay, waxa uuna weydiiyey “Abbaayo halkeed u socotay?”. Waxaa ay u sheegtay in ay deg-degsan tahay, oo aabbeheed la ballansan tahay. “Haye abbaayo orod” ayuu yiri Faarax, oo horay u ogaa in aabbeheed deggan yahay Hoteelka Kuraasya-cad. Sidaas ayey ku dhaaftay iyada oo deg-degsan oo daahsan.

Faarax, waxaa uu galay Hoteel-ka Saxafi oo uu dan ka lahaa. Inta dantii uu ka lahaa illoobey ayuu meel iska fariistay, waxa uuna bilaabay in uu is-weydiiyo sida ay uga nasiib badan yihiin Samsam iyo Nasiib, oo labadooda aabbayaashood yimadeen, misena waxaa uu is-leeyahay “Iska dulqaado adba aabbahaa waad heli doontaaye”. Mar waxa uuba ka shakisan yahay hadalkii Samsam ee ahaa “Gabar aan walaaio nahaa ii soo socota”, misena waxaa uu isku qanciyey, in ay Nasiib horay ugu sheegtay in aysan jirin wax walaaieheeda oo ay taqaano oo aabbeheed dhalay. Waxaa uu mar kale galay ka fekerka aabbihiis iyo meesha uu ku dambeeyey iyo weliba sida uu ku raadin karo. Sidee ku raadiyaa maba yaqaan qaraabo iyo cid aabbihiis raadintiisa ka caawisee, hooyadii la goobi laheydna ma joogto waddanka, oo waxaa ay jirtaa waddanka Yaman.

Markaan caloolyow iyo walbahaar aan yareyn ayaa ku soo kordhay. Mar ayuu is-leeyahay “Ma baafisaa aabbahaa?”. Mar waxa ku soo dhacda “Ma aaddaa Ceeri-gaabo”. Marna waxaa uu is-dhahaa “Iska sug, waxaa laga yaabaa sida Nasiib iyo Samsam oo kale, in uu aabbahaa Xamar kuugu yimaado, isaga oo ku raadinayee”. Waxaa uu isla sheekeysigiisa ku soo hooriyaa “Alle gabdhuhu, cawa iyo ayaan badanaa!”.

Nasiib waa tagtay Hoteel-kii, aabbeheed ayey la hadashay, inta aysan gelinna la hadalsiisay waardiyihii, sidaas ayeyna ku sii daayeen. Isla markii ay gashayba, waxaa ay indhaha ku dhufatay aabbeheed oo fadhiya bannaanka hore ee Hoteel- ka, meesha dalladdu taallay ee lagu qadeeyo. Inta salaantay isaga iyo Samsam-ba ayey ku fariisatay kursi u diyaarSanaa. Odaygii ayaa halkaas isku baray Samsam iyo Nasiib, oo markii la is-barayey inta isku soo booday dhabannada iska shumiyey, iyada oo midba rnidda kale ku lahayd “Abbaayo, Barasho Wanaagsan” iyo erayo walaaleed kale.

Laakiin Samsam iyo Nasiib hadda isuguma horreyn, oo hadda ka hor ayaa waxaa si kedis ah, oo lama filaan ah Isku baray Faarax, oo markaasna qabay Samsam, saaxiib-na la ahaa

Nasiib. Samsam iyadu waa ay hilmaantay Nasiib, dhibaatadii maalintii ay is-arkayeen haysatay awgeed, laakiin Nasiib waa xasuusataa in ay hadda kor is-arkeen, waxaa ayse hadda is- weydiinaysaa walaaltinimada iyada iyo Faarax ka dhexeysay, iyada oo Faarax-na u sheegay, in aysan jirin wax la dhashay oo uu yaqaan! Waxaa ay is-tiri “Mar kale ayaad ka wareysan doontaa iyada iyo Faarax walaaltinimada ay ahaayeen iyo meeshii ay ka ahaayeene, bal hadda sheekada ha dhabqin”.

Dhimbil, markii uu gabdhihiisii is-barey ayaa intii ay qadadii cunayeen waxa uu mid walba weydiiyey, bal in ay abtirkeeda taqaan, markaasaa mid walba la soo booddey laba magac oo kaliya. Kaaga darane, labada gabdhoodba laba kala ina-ayo ayey sheegeen. Markaas ayuu si xariiftinamo leh isugu aaddiyey abtirkooda, isaga oo u sheegay in abtirka gaaban ee ay yaqaaan ay hooyooyinkood ka khaldeen, oo iska daba mariyeen. Waxa ay ahaayeen gabdho ciil qabaye, waxa ay si fiican uga wada qorteen abbahood abtirkooda oo dhammaystiran, laakiin dhibku waxa uu ka taagan yahay, oo mid waliba geesteeda isku weydiisay, sidii loo beddeli lahaa magacaas ugu qoran dhammaan dukumiintiyadooda waxbarashada!

Markii qadadii la bogtay, oo cabbaar inta la fadhiyey sheekeyn iyo taariikheyn socotay, ayaa Samsam waxa ay si kedis ah u soo wacay hooyadeed oo howl muhiim ah uga baahatay, waxaa ayna ka codsatay aabbeheed in ay baxdo, oo ay mar kale u timaado, aabbeheedna waa fasaxay. Markii ay macasalaamaysay oo ay rabtay in ay dhaqaaqdo, ayaa waxaa la hadashay Nasiib, waxaa ayna u sheegtay in ay aroos galeyso, oo ay muhiim tahay in ay timaado, taas oo ay Samsam si farxad leh uga aqbashay, una sheegtay in uu aabbe mar hore u sheegay arooskeeda. Waxaa ay u sheegtay wakhtiga uu arooskaas dhacayo, iyada oo u tilmaantay guriga meesha uu ku yaallo.

Samsam markii ay gurgii tagtay-ba, horay ayey hooyadeed ka war-gelisay, una sheegtay in ay walaasheed isa soo barteen, ayna aqal-galayso, ayna tahay RAJO, oo nalooga baahan yahay, in aan garab istaagno, taas oo ay Xamdina madaxa u ruxday.

Waxaa odaygii ku soo hartay Nasiib, oo ay is ka wareysanayeen arrimaha arooskeeda. Nasiib waxaa ay aabbeheed u sheegtay in xilliga arooska loo keenayo gaari gaar ah, oo guriga keenaya, iyada oo aabbeheed ka codsatay, in uu arooskaan ugu duceeyo, in uu noqdo aroos khayr qaba oo ay ku baraarto. Odayga oo isla meeshii-ba ducadii ku bilaabay ayaa u sheegay, in uu ku faraxsan yahay arooskaan, oo xitaa haddii dhaqaale loo baahdo uu wax ka bixinayo, taas oo Nasiib ay ka maqsuuddey sida wacan ee uu aabbeheed arooskeeda u qaddarinayo. Intii sheekada arooska lagu jirey ayaa aabbeheed weydiiyey “Aabbe weiigey waxa aana ku weydiin wiilka qolada uu yahay”. Markaasey tiri “Aabbo waa Reer Qansax”. Suuye “Masha Allah, naa wiilka waanba is- leenahay, soo ma ogid in aad isku hayb tihiin?”. Sayte “Haah aabbe waan ogahay”. “Masha Allah, nin aad isku dad tihiin ayaad he shay. Aabbe waad nasiib wanaagsan tahay”, ayuu si farxad leh ku yiri. “Aabbe, qabiilka gadaal ayaan ka ogaannaye, aniga iyo isaguba waxaas naguma jirin ee jacayl baan isku guursanney, oo jacaylkaa qabiilka nooga weynaa” ayey odaygii ku tiri.

Saacado badan oo ay wada fadhiyeen, oo uu aabbeheed wax badan uga sheekeynayey Nasiib, welina aysan kala bogan, ayaa waxaa ay noqotay goor gaaban, waxa uuna ku yiri gabadhiisa “Aabbo Nasiib, galbo waa gabbal-dhac e, Xamar xaalkeedu ma wanaagsanee, Insha Allah, waan isla joognaa, oo wakhti kan ka badan ayaan qaadan doonnaaye”. Haye” ayey tiri Nasiib, inta labada dhaban mac ka siisayna baxday.

Markii ay Nasiib saas uga baxday-ba, waxaa Dhimbil soo wacay walaalkiis Nuur, oo markaas joogay Sanca ee waddankaYaman. Waxaa uu u sheegay in ay berri imaanayaan isaga iyo xaaskiisa Raxmo magaalada Xamar. Dhimbil aad ayuu ugu farxay imaanshaha walaalkiis, waxa uuna doonayaa in uu arko walaalkiis cx) ay ugu dambaysay muddo 24 sano ah ka hor. Waxaa kale oo uu doonayaa in carruurtiisii oo uusan horay u barin uu haatan baro. ]

Dhanka kale, Nuur waxaa uu u imaanayaa in uu soo indha- indheeyo xaaladda magaalada Xamar, oo uu fiiriyo in ay nolol ka ansixi karto iyo in kale. Kama marna imaanshihiisu, in uu soo booqdo oo uu barto waalidiinta, walaalka iyo qaraabada kale ee Raxmo iyo wiilkeeda oo carruurtiisa walaalkood ah. Dhimbil ayaa Nuur ku yiri ‘’Walaal xilligee ku soo aaddan tahay Xamar aan kuu diyaariyee gaari iyo Hoteel . e?” “Walaal waad mahadsan tahay, xaaska ciddeeda ayaa meel inoo diyaariyey, iyaga ayaana goroonka noogu imaanaya, markaan imaadno oo aan degno ayaan ku soo wacayaa Insha Allah” ayuu ugu jawaabey Nuur.

Markii ay Nuur iyo xaaskiisa Raxmo yimaadeen Xamar, waxaa j ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde soddogiis Qaasim iyo seedigiis Saalax, waxaa ayna isaga dejiyeen – sidii uu codsaday – Hoteel ku yaalla suuqa Bakaaraha oo la yiraahdo Hoteelka Muqdisho, iyaga oo Raxmana geeyey gurigoodii.

Faarax, miyirka ayaa ka tagay markii uu arkay hooyadiis, oo 5 uusan arag sidii uu caqliyeystay. Waxaa ka da’day illin uu ka keenay hilowga uu u qabay hooyadiis, oo in muddo ah uu ku riyoonayey araggeeda. Geesta kale, Raxmo waxaa uu dareenkeedii joogaa halkii ugu dambeeyey, maadaama ay maanta la joogto wiilkeeda, walaalkeed iyo waalidkeed. Isku soo boodid, is-dhunkasho iyo isku dul-booyid kaddib, waxaa ay qoyska iyo Raxmo iska wareysteen muddadaas dheer, wixii dhib iyo dheef lala kulmay, waxaana Raxmo marna aad u xiiso-geliyey, marna ay ka qarracantay war- bixinta guurkii hore ee Faarax, iyada oo u aragtay in ay waayo-aragnimadeedii meesha ka maqneyd. Waxaa mar labaad farax-galiyey arooska cusub ee uu Faarax damacsan yahay in uu galo, iyada oo ballan ku qaadday in ay garab

istaagi doonto, oo uusan dhibkii hore la kulmi doonin. Waxaa ayse Raxmo runtii jawaabo u la’dahay su’laaha badan ee kaga imaanaya Faarax ee ku saabsan aabbihiis.

Waxaa maalin kaddib guriga reer Qaasim yimid Nuur, oo isna si guud cidda u kaia bartay, si gaar ahna Faarax u bartay, maadaama uu aabbihiis labaad yahay. Nuur waxaa uu aad ugu riyaaqay arooska wiilkiisaan uu galayo toddobaadka soo socda, isaga oo ugu hambalyeeyey arooskiisa cusub, una duceeyey, isia markaasna ballan-qaaday in uu farxaddaas wiilkiisa uu kala qeyb-geli doono. Waxaa uu Nuur xididkiisa u sheegay in walaalkiis oo ka yimid Xagardheer uu joogo magaalada, uuna cidda soo bari doono, marka uu Faarax arooskiisa dhammaado kaddib.

Nuur, markii uu iaba maalin joogey oo uu nastay, ayuu walaalkiis Dhimbil wacay, oo uu u sheegay Hoteel-ka uu ku soo dagey. Dhimbil, inta isla markiiba labbistay ayuu taksi horay uga dhacay, inta u sheegay Hoteel-ka magaciisa iyo meesha uu ku yaal, waxa uuna isla markiiba hor istaajiyey Hoteel-kii. Nuur oo ku sugayey xafiiska soo dhaweynta hoteel-ka, ayaa markii uu Dhimbil soo galay ku booday, halkaasna waxaa ka dhacay, wixii ka dhex dhici jirey walaalo muddo kala maqnaa, oo isku soo hiloobey. Muddo saacado ah, oo la is-xog-wareysanayey kaddib, waxaa uu Dhimbil walaalkiis Nuur u sheegay, in asbuucaan, maalinta Khamiista ah, gabdhihiisii uu dhawaanahaan helay mid ka mid ah la aroosayo, sidaas awgeedna uu kala soo qeyb-galo. Nuur waa uu ka cudur daartay in uu ka qeyb galo, waxa uuna ku yiri “Walaal, casuumaaddaada mid kale ayaa iiga horreysay, oo isla wakhtigaas dhacaysa, oo xididkey iga dalbaday, waxaana aroosaya wiil aan hooyadiis qabo, marka taas ayaan ballan- qaaday ee walaalow iga raalli ahow, waan jeclaa in aan kaala qeyb-qaato farxaddaase”. Dhimbil warkaas maan-gal ayuu la noqday, waxa uuna ku yiri “Waa yahay walaal”. Halkaas ayaana galabtii la isku macasalaameeyey, iyada oo la ballamay aroosyada kaddib.

Waxaa uu Dhimbil la xiriiray walaashiis Safiyo Axmed, waxa uuna u sheegay in ay ka soo qeyb-gasho arooska gabadhiisii Nasiib, oo uu horay ula socodsilyey iyada iyo gabar kale In uu helay, wiilkiina well u dhimman yahay. Waa ay ka aqbashay, waxaa ayna tiri “Anigu garan maayo xaafaddee, hoteelkaaga ayaan kuugu imaanayaa maalintaas, subaxdeeda hore, si aan isku wada raacno”. “Waa hagaage, abaayo iigu imow hoteelka annagaa is-raacaynee, Insha Allah”, ayuu ku yiri.

Dhan kale, Dhimbil horay ayuu ula socodsiiyey aabbihiis Axmed, in uu helay qaar ka mid ah carruurtii, taas oo odaygiina farxad-gelisey, maadaama uusan weligiis arag carruur uu dhaiay wiilkiisa madiga ah. Sidaas oo kale, ayuu odaygiina ula xiriirey, oo uu ka codsadey in uu Xamar yimaado si ay isku arkaan, arooskaarma uu uga soo qeyb- galo.

Nasiib wanaag, maalintii uu arrintan kala hadlayey odayga, oo laba setimaan ka hor ahayd, waxaa odayga la joogtay oo soo booqatay Walaashiis Aamino, oo iyadana uu ka codsaday, in ay odayga soo raaco, si ay isaga, Nuur iyo Safiyo-ba isku arkaan, arooskana uga qeyb-gasho, iyaduna waa ka qabashay in ay Xamar timaaddo, oo ay odayga isa- soo raacaan. Waxaa ayna Oday Axmed iyo Gabadhiisa Aamina-ba soo gaareen Xamar, maalin un ka hor, maalintii arooska uu dhacayey, iyaga oo ku degay isla Hoteel-kii Kuraasya-cad.

AROOSKII FAARAX IYO NASIIB

Faarax iyo Nasiib waxaa ay is-mehersadeen llx bilood ka hor, iyaga oo ku heshiiyey in ay is-aroosaan bisha 12aad ee sannadka 2013ka, oo markaas ay ka dhimmanayd lix bilood. Inta ay isku mehersanaayeen, weligood islama jiifsan, oo wax xiriir jinsiyeed ah raa dhex marin, sababta oo ah, horay ayey ugu heshiiyeen in uusan faro-ka-ciyaar jiri doonin ilaa la isla aqal-galayo, taas oo ay ka dhabeeyeen lixdaas bilood.

Hadda waxaa qarka loo saaran yahay xilligii arooska, vvaxaana lagu guda jiraa qaban-qaabadii ugu dambaysay, iyada oo qaban-qaabadaasi ay qeyb ka yihiin Samsam iyo hooyadeed, oo dhexda dhiisha uga dhigtay in ay gabadhooda soo saaraan, maadaama ay hooyo la’aan tahay. Intii qaban- qaabada lagu jirey, waa is-arkaan Nasiib iyo Samsam, laakiin aroos-diyaarinta iyo aroos-isku-diyaarinta ayaa siin waayey kasho ay meel ku fariistaan, oo ay wax badan isku weydiiyaan. Nasiib, iyadu waxaa ay mar vvalba gocotaa in ay u sheegto Samsam, in uu yahay ninka aroosaya Faaraxii ay is-yaqaaneen ee hadda ka hor la socday, markii ay ku kulmayeen suuqa Bakaaraha, laakiin markii ay damacdo in ay kala sheekeysataba, waxaa illowsiiya mashquulka badan, maadaama ay aroos isu-qaban-qaabintiis iyo u-diyaar- garowgiis ku jirto.

Waxaa la gaarey xilliga arooska lagu ballamay, vvaxaana soo diyaar-garoobey Nasiib aabbeheed, awowgeed Axmed – oo shalay Xamar soo galay – eeddooyinkeed, abtiyaasheed iyo dhammaan qaraabadeeda iyo dariskeeda-ba. Waxaa dhanka kale isa soo diyaariyey Faarax, adeerkiis hooyadiis qaba Nuur Shaywaal, abtigiis, awowgiis iyo qaraabo kale, isaga oo qoyskiisa horay ula sii socodsiiyey in uu yimid Nasiib aabbeheed, waxaa ayna soo diyaarsadeen lacag kale oo ay ugu tala-galeen aabbaha Nasiib. Waxaa sida oo kale la socday qaraabo iyo qaar kale oo ka mid ah saaxiibadiis.

Waa maalin Khamiis ah, waana Shanta Bisha 12aad ee 2013ka, waxaana soo baxay qoyskii Faarax oo soo abbaaray guriga Nasiib oo uu aroosku ka dhacayey, halkaasna ay ugu sii diyaar-garoobeen qoyskii Nasiib.

Xafladdu waxaa ay ahayd quraac, waxaana ragga ka marti- qaadan labada dhinacba gaarayeen ilaa 100 qof. Waxaa loogu tala-galay in la-kala fariisiyo qolal kala duwan, oo si heer sare ah loo maamuusay, laakiin odayaasha labada qoys kala matalayey, si gaar ah ayaa hal qol loogu tala-galay, si ay isku sii bartaan, wakhti ay ku sheekeystaanna u helaan isla markaasna arooska ugu faataxo maraan.

Faarax oo hoggaaminayey qoyskiisii ayaa gurigii soo hor istaajiyey. Irridka ayaa loo taagnaaye, isla markii ay yimaadeenba waa laga furey. Markii ay soo galeen, ayaa Faarax waxaa uu sheedda ka arkay Samsara oo hadba gees u ordaysa, oo mashquulsan, dhididkuna ka daadanayo, oo aan cidna u-kasho hayn. Inta raggii uu la socday ka lug- dambeediyey, ayuu dhanka Samsam u dhaqaaqey. Waa uu u yeerey, markaasey maqli weyday. Mar labaad ayuu u wacay, markaasay soo fiirin weyday. Inta ugu tagay halkeedii ayuu ku yiri “Soo Samsam ma ahan qofkaani?” inta soo eegtay ayey tiri “Alla, Faarax ii warran abboowe”. “Waa nabade, abbaayo maxaa halkaan ku keeney maanta?”. Ayuu weydiiyey. Sayte “Abboowe, gabadhii aan doonayey, in aan maalintii ku baro ayaa la aroosayaa!”. Waa uu naxay, waxaa ayna arrintaasi gelisay ummuuro kale iyo mool uusan ka dabaalan karin! Maskaxdiisu waxaa ay u shaqeynaysaa sida Kambuyuuterkii oo kale, xawaarada wTax-is-weydiinteedu marayaan darteed. “Abboowe shaqo adag ayaan ku jiraa hadda, ee aan isa soo wacno xafladda kaddib” ayey ku tin inta dhaqaaqday, isaga oo weli isku mashquulsan, juuqna gabay! Waa ay aragtaa in uu aad u labbisan yahay, laakiin maankeeda kuma soo dhicin ninkaan ayaa aroosaya, waxaa ayna u qaadatay in saaxiibkiis aroosayo, oo uu isaga caawinayo.

Faarax halkii waa uu ka soo dhaqaaqey, isaga oo weli raggii j soo gaarin ayuu arkay Safiyo oo ahayd islaantii uu gurigeeda ku aroosi jirey, uuna la degganaa iyo Islaan kale oo la fadhidey meel daaradda ah. “Waan ku salaamay eeddo Safiyo” ayuu ku yiri inta u soo dhawaadey. “Waan kaa qaadey eeddo, sideed tahay adigu?” ayey ugu jawaab-celisay. “Eeddo waan cawo-barinee, maanta arooskaan raiyaad u timid?” ayuu misena weydiiyey. “Haah, eeddo, gabadh aan eeddo u ahay ayaa la aroosayaa oo aan u iraid, ee adna?”. ayey ku tiri. “Eeddo anigu gabadhaas ninka aroosaya ayaan ahay, waana ku faraxsanahay in aan qaraabo kale sii noqonney eeddo,” ayuu ku yiri.

Safiyo ayaa arrintaas aad ugu faraxday, soona dhaweysay guurka gabadha ay eedada u tahay iyo Faarax oo ay muddo wada daganaayeen, oo ay si wanaagsan ula dhacsanaan jirtay hab-dhaqankiisa. Safiyo oo aan weli maankeeda ka go’in sidii ay aabbayaashood u dayaceen isaga iyo xaaskiisii, ayaa weydiisay “Eeddo horta Samsam iiga warran? Welina wax wara ma ka hesheen aabbeyaashiin?”. “Eeddo, ani iyo Samsam waan kala tagney. Anigu aabbe weli ma helin, laakiin Samsam aabbeheed waa u yimid, weyna is heleen”. Safiyo waxaa kale oo ay bartay islaantii kale oo la fadhidey oo walaasheed ah, oo Aamino la yiraahdo. Isaga oo Safiyo la sheekeysanaya ayaa raggiisii dhibsadeen, waxaa ayna dheheen “Waryaa Faarax soo bax”. Inta Safiyo la-ballamay, oo salaamay, ayuu si hal-haleel ah u aaday odayaashii la socday.

Faarax, isaga oo si kale ah, ayuu iska daba-galay odayaashiisii, waxaana la geeyey qolkii loogu tala galay. Waxaa haikaas ku soo dhaweeyey, oo istaag ku salaamay qoyska Nasiib. Faarax, qacdii horeba waxa uu isha ku dhuftay odaygii uu ayaan dhaweyd ku arkayey hoteelkii Kuraasya- cad, oo Samsam aabbeheed ahaa, taas oo maskaxdiisii buuq kale ku sii furtay. Cajiib! Dhimbil, isna isla markiiba waxaa uu isha ka qaadey walaalkiis Nuur, waxa uuna ogaaday qolada gabadha ka doonaysa, in ay xidid yihiin, oo uu gabadha la soo doonay. Kuma uusan soo boodin, si gaarana uma salaamin, waxa uuna ula dhaqmay sida dadkii uu la socday oo kale. Dhanka kale, Nuur sida uu yeeley Dhimbil ayuu sameeyey, oo dadkiisiibuu dhinac ka raacay.

Markii la fariistay ayaa waxaa la iska wareystay xaalka magaalada Xamar, maadaama ay maalmahan qaraxyo badan oo taxane ah dhacayeen. Waxaa kale oo la iska wareystay halka dhlbaatadan maalinba vveji yeelanaysa ay Soomaaliya uga timid iyo sida looga bixi karo. Cabbaar haddii doodii la waday, oo hadba qolo loo saarinayey dhibka Soomaaliya haysta, waxaa gebo-gebadii la isla gartay, in xalka Soomaaliya uu ku jiro oo keliya Kitaabka Abe.

Inta uu is-wareysiga iyo sheekadu soctay, waxaa uu Dhimbil isha la raac-raacayey dadka gabadhiisa doonaya. Waxaa ragga uga dhex muuqda duq Qaasim, oo uu is-leeyahay “Armaad taqaanaa oo aad horay u kulanteen”. Wax uu aad uga shakisan yahay ninkaan meesha uu ku arki jirey iyo goortii uu arki jirey. Waxaa uu is-oranayaa “Ma Keenya ad ku arki jirtay mise Xamar, mise qof isaga u eg ayaad arki jirtay?” Waxaa uu ka il-buuxsadaa wiilka uu ku tuhmayo in uu gabadhiisa doonayo, waxa uuba ula eg yahay midkii ay Samsam lahayd, horaan isku guursannay, oo ay ayaan dhaweyto is-baraysey, markaas ayuu haddana is-dhahaa “Arnmaa gabadhaanina, arrintii middii hore qabsatay oo kale la kulantaa?!”. Mar mar waxaa uu ku dhaygagaa walaalkiis Nuur, oo uu la yaabo is-beddelka weyn ee noloshiisa ku yimid iyo sidii uu ahaan jirey!

Dhanka kale, waxaa uu Faarax iska galay isla sheekeysi u gaar ah, waxa uuna dib ugu soo ceshaday eajaladdiisii xogta u kaydinaysay, xisaabaad badan oo uu isku dhufsanayana murugo ayey u soo tabinayaan. Indhihiisii kor ayey ku callaqmeen, waxaa na la moodaa in uu daawanayo shaashad darbiga korkiisa ku xiran, oo uu filin iyo warar yaab leh ka daawanayo. Dhawr jeer ayaa abtigiis Saalax, oo arkay isaga oo baxsan, inta uu qanjaruufto dhahaa “Faarax caadi iska dhig”. Maba diirto qandhuufadu, mana maqlo hadalka house ee Saalax! Waxaa kale oo la yaabey will ay saaxiibbo ahaayeen oo la socday, oo inta mar u soo dhawaadey ku yiri “Faarax maxaa kaa si ah nin yahow, nin caruus ah baad tahee, fur- furnaan muuji, oo meesha naga giiji, maxaad la dal lagan tahay?!” Dhagax taabasho iyo tuujin waa isugu mide, waxaa uu noqday qod meel yaal, oo aan waxna gelin waxna ka soo bixin!

In muddo ah markii la fadhiyey, ayaa is-barasho la bilaabay. Intii is-barashadii socotay ayaa loo sheegay Dhimbil wiilka gabadha ka doonaya in uu yahay wiilkaas, lana yiraaho Faarax Dhimbil Jaamac, uuna yahay reer Qansax, aabbihiisna, isaga oo aysan is-arag, uu kaga qaxay Xamar. Dhimbil markaan waxbaa qub yiri. Waxaa uu gartay, in ninka la sheegayo ee Faarax dhalay uu isagu yahay, wiilkaanna yahay kii uu in muddo ah goobayey! Waxaa uu fiiriyey Qaasim, waxaa uu u gartay in uu yahay ninkii gabadha ka furan jirey ee dhalay Raxmo. Laakiin weli waa yara shakisan yahay, si uu shakigaas uga baxana, waxaa uu weydiiyey magaca wiilka hooyadiis, taas oo dadkii goobta joogey oo dhan ay la yaabeen, maadaama ay tahay arrin aan dhaqan ahayn, marka meelahan oo kale la joogo. Waxaa ayba dadka qaarkiis u qaateen, in uu dhihi doono, hooyadiis hala keeno si ay booska aabbihi u matasho, maadaama uusan aabbihiis joogin!

Oday Qaasim ayaa soo booday oo ku yiri “Weydiintani yaabkeedee leedehee, waxaa wiilka hooyadiis la yiraahdaa Raxmo Qaasim, aniga ayaana dhaley, lafteediina waa ay joogtaa xafladda”. “Balo! Wallaahi arrintu waa xun tahay!” ayuu maanka iska yiri.

*socota wax-is-weydiin Dhimbil ku saabsan iyo waxa ka khaldan!

Waxaa aad uga yaabban walaalkiis Nuur oo hoos iska leh “Walaalkaa Samatar ma loo dambeeyey, maxaa si ka noqday?!” iyo aabbahiis Axmed oo yaab afka inta qabsadey, is-lahaa “Maxaa wiilkaaga ku dhacay, oo si ka noqdey?!”.

Xoogaa yar haddii bulaan meeshii ka dhacay, hal mar ayuu istaagay Dhimbil, waxa uuna yiri “Hala joojiyo Arooska!”. Ka dar oo dibi dhall Dadkii waa qaadan waayeen hadalka Dhimbil, waxaa ayna u arkeen in odaygu ay si wax ka yihiin ama uu diiddan yahay in uu gabadhiisa Faarax u guuriyo oo uu is-yeelyeelayo. Niman baa ka shakiyey, weydiintii magaca hooyada Faaarax, waxaa ayna u arkeen in wiil aan aabbihiis si fiican la aqoon uusan gabadhiisa la rabin!

Si lama filaan ah ayuu Dhimbil u kacay, oo bannaanka ugu baxay, waxa uuna isugu yeerey dhammaan dumarkii ku mashquulsanaa quraac-diyaarintii, waxa uuna u sheegay in ay joojiyaan howsha ay wadaan. Waxaa uu ku yiri “Halla iigu yeero Nasiib, Samsam iyo Hooyadeed, Raxmo iyo walaalihiis Safiyo iyo Aaramo, hana soo galaan qolka raggu fadhiyo”.

Markii uu Dhimbil dumarkii quraacda diyaarinayey amarkaas siiyey, ayaa inta uusan qolkii raggu u fadhiyey ku soo laaban, ; waxaa u timid Nasiib oo taleefoon la ordaysa, waxa ayna j aabbeheed u sheegtay, in habaryarteed Xamiido ay doonayso ] in ay salaanto, isla markaasna dareenkeeda arooska la ; wadaagto. Taleefoonkii ayuu ka qaaday, isaga oo waxa socda maskaxdii ka qaseen. Waxaa la hadashay islaantii khadka ku I jirtay, waxa ayna ku tiri “Walaal Jaamac, waa islaan la I yiraahdo Xamiido Yuusuf Xarbi, oo Xagardheer kaa soo I wacaysa, waxa aan ahay Nasiib habaryarteed, oo hooyadeed f ayaan isku hoyo nahay, waxa aan doonayey in aan ku salaamo, oo aan arooska gabadhana habalyeeyo”.

Dhimbil waagii baa ku baryey! Waa islaantiisii waxa habaryarta u ah Nasiib, gabadhaarma waa gabadhii uu marmar taleefoonka Xamiido ka qaban jiray. Inta naxay, oo yaabey, oo la hadlay Xamiido ayuu ku yiri “Xamiido, horta qofka kula hadlaya waa Samatar Axmed Jaamac. Walaaley aniga oo awalba waalli ku signaa, ayaa markii aad ii sheegtay in aad Nasiib habaryarteed tahay, in aan dharka dhigto ku signahaye, anaa mar kale ku soo wacaya walaaley, oo xaajo dhabaqdaye, kuu warrami doona!”. Isla markaasna taleefoonkii jaray!

Naagtii Xamiido ahayd, qalbigii baa dhag yiri! Ninkii ay walaasheed la baadi-goobi jirtay, oo ay aadka u nicbayd, oo maqaafaadka ahaa, hadda waa seygeedii. Cajiib!!! Waxaa kale oo ay aad uga shallaysay, in laga indha-saabay in ay walaasheedii dhimatay iyo gabadhaanba uga sheekeyso Dhimbil, taas oo laga yaabi lahaa in ay mar horeba is- bartaan! Nasiibna, markii ay ogaatay aabbeheed in uu ahaa ninkii qabay habaryarteed, si kale ayey noqotay, waxa ayna la calwasaadsan tahay, sida aabbeheed oo aysan aqoon, ay dhawr jeer taleefoonka habaryarteed Xamiido kaga salaantay! Dhimbil isaga oo dawakhsan ayuu dib ugu laabtay qolkii raggu u fadhiyey!

Dumarkii uu amarka siiyey oo ka yaabbanaa qorshaha ninkaan, ayaa goobta xafladda ka raad-raadiyey dadka uu codsadey in loogu yeero. Midba mar inta soo helaan, ayey u soo tilmaamaan qolka laga rabo, iyada oo mid walba garan la’ dahay sababta loogu yeerey. Waxaa ay dumarkii loo yeerey xaadir ku soo wada noqdeen qolkii raggu fadhiyey. Inta uu Dhimbil soo dhaweeyey dumarkii ayuu yiri “Dadkaan meel ha loo banneeyo”. Inta raggii oo yaabban is-cariirsaday ayaa meel la’ eg la fariisey dumarkii.

Markii ay dumarkii soo galayeen, ayaa Samsam iyo Faarax isha isku dhufteen mar kale, mid qajilay iyo mid naxday-ba, inta la kala jeestay ayaa la kala aamusay! Oday Qaasim iyo Saalax ayaa iyaguna isha ka qaadey Samsam iyo hooyadeed markii ay soo galayeen. Waa ay naxeen, waxaa ayna ka yaabbeen waxa Samsam iyo hooyadeed halkaan keenay!

Safiyo horay ayey u aragtay Faarax, arrinkiisana waa ay la socotay, laakiin waxaa ay ka fajacsan tahay iyaduna, arrinka Xamdi iyo Samsam halkaan keeney, maadaama ay Samsam kala tageen Faarax! Waxaa ay sidaa oo kale Safiyo aragtay walaalkeed Nuur, oo u sheegay in uu aroos xidiidkiis leeyahay aadayo maanta, waxaa ayna is-weydiinaysaa sababta keentay goobta arooskan!

Dhanka kale, waxaa Raxmo film waa ku noqotay aragtida Aamino oo ay ugu dambeysey Boosaaso, oo ay muddo ka fekereaysey si ay ula xariirto uguna abaal-guddo! Waa qof ay aad u jeceshahaye, inta ku soo booddey oo dhabannada ka dhunkatay ayey ku yara qallashey, dadkii ay u soo galayeen oo wada arkaya! “Raxmo, hooyo iska fariiso hadhow baan wada sheekeysanaynaaye” ayey tiri Aamino, waana wada fariisteen,

Isia goobta waxaa ku kulmey Raxmo iyo Xamdi oo in ka badan 20 sano aan il iska qaadin, oo markii ay meesha ku kulmeen isku naxey. Waxaa la arkayey gacan-qaadkooda iyo nux-nuxdooda oo mar-mar laga maqlayey erayadan: “Naa halkeed ku dam bey say? Naa ma noolayd?!’’ iyo kuwo kale. Waxaa uu is araggoodu mid waliba gaarkeed u soo xasuusiyey, waxaa uu soo marsiiyey Dhimbil, oo Raxmo oo hadda iyadu aragtey ay gaar ugu dheygagsan tahay! Mar, Raxmo waa ka naxday aragga Dhimbil, saa waakii wixii la ogaa soo marsiiyaye, marna, si un waxaa u Farax-geliyey wiilkeeda oo ay aabbihiis u heshey hadda, mar kalana, w’axa ay ka yaabban tahay, sababta ninkaan halkaan keentey!

Geesta kale, Samsam iyo Xamdi-na, waxaa ay la amakaagsan yihiin islaanta Safiyo; sababta halkaan keentay iyo cidda xafladdaan ugu yeertay iyo qaabka uu ku yimid Faarax halkaan. Waxaa intaas u dheer, wax kale oo aysan fileyn ayey meesha ku arkaan, waa oday Axmed oo abaalka uu ugu soo galay Hargeysa uu maankoodu ku xardhan yahay, oo qof kasta oo ay arkaan uga sheekeeyaan. Mar waxa ay ka yaabban yihiin, wax halkaan keeney, mama Xamdi hoos ayey ka qosol-gariirtaa, oo waxaa u muuqda, in uu Ilaahey xilli fiican oo ay u abaal-gudi karto oday Axmed ku soo beegay. Oday Axmed laftiisu markii uu arkay Xamdi iyo Samsam, mar waa is weydiiyey, qaabka ay halkaan ku yimaadeen!

Nuur, isaga oo waxa socda ka yaabbanaa, ayuu ka shakiyey xaaskiisa Raxmo iyo walaashiis Aamino oo shalay timid, oo uusan is-barin sida ay isugu bururayaan isaga oo is- weydiinaya goorta iyo halka ay isku barteen?! Nasiib, iyada oo arrintii aabbeheed iyo habaryarteed jawigii ka soo qaseen, ayaa waxaa ay u qaadatay yeeridda loo yeerey, in meherkeedii la weydiinayo inta uu ahaa!

Markii ay dumarkii soo fariisteen, iyada oo dadkii oo dhami wada fajacsan yihiin, ayuu hadalkii Dhimbil qaatay, isaga oo illini ka qubanayso, waxa uuna yiri “Walaalayaal, raalli iga ahaada, hana ila yaabina haddii aad iga maqashaan arrin mucjiso ah oo aydaan filayn. Walaalayaal, khalad aan sameeyey ayaa hadda murugo isugu kay beddelay!”. Raggii iyo dumarkii goobta wada fadhiyey ayaa hal mar xaaddii kacday, waxaa ayna ka naxsan yihiin, waxaa uu ku xijin doono Dhimbil hadalkiisaan. Waxaa uu Dhimbil isaga oo hadalkiisii sii wata yiri “Walaalayaal, gabadha la aroosayo ee Nasiib, wiilka wax aroosaya ee Faarax iyo gabadhaan Samsam ee uu horay Faarax u soo guursadey, waa walaalo aniga ayaana wada dhalay”. Hal mar ayaa waxaa wada yeertay, oo lagu cel-celiyey “Innaa UUaahi wa innaa ilayhi raajicuun“.!!!

Waxaa muraara-dillaacay Samsam iyo Nasiib. Murugo darteed ayaa illine kaga soo daadatay. Samsam ninkii ay muddada sannadka ka badan isla joogeen oo ay wax kala tari waayeen, walaalkeed ayuu ahaa, Nasiibna walaalkeed ayuu ahaa ninkii ay dhawrka sano jacaylka wada dhisayeen, wakhti dheer kaddibna, ay haatan aqal-galkiisa isku diyaarinaysay. Nasiib waxa ay si gaara uga shallaayeysaa, inta aysan ceebtaan dhicin ka hor, sababtii ay Samsam ugu sheegi weyday in ninka guursanaya uu yahay Faarax!

Faarax, isagu markaan in uu waashuu ku sigan yahay, naftiisiina waa xakaraayn la’yahay, cir iyo dhul meel uu joogana waa garan la’yahay. Farxaddii helitaanka aabbihiis, waxaa uu la hilmaamay qarracanka maanta yaal iyo wixii horay u soo dhacay. Waxaa la arkayey isaga oo dhafoorrada haysta oo neeftuuraya, oo illine ka daadaneyso, taas oo isku beddeshay in uu caadi u ooyo, waxaana hal mar ku soo wada booday aabbihiis Dhimbil oo murugeysan iyo adeerkiis Nuur, oo inta wada qabtay dhabta saarey. Waxaa ayna leeyihiin “Faarax, arrintaan waa dhacday, Ilaahay tiisa ayeyna ku dhacday, Ilaahayna meel fiican buu adigana kaa qabtay, annaga naga qabtay. Aamus, Aabbe, Aamus Adeer!”

Qarracankaas kuma ekeyn carruurtaase, waxaa sidaas oo kale aad u muraara-dillaacay Raxmo iyo Xamdi, oo carruurtooda walaalaha ah is-guursadeen. Waxaa ay la murugeysan yihiin dhibaatada carruurtooda soo gaartay iyo dhibaatadii uu ninkaan labadooda horay u soo mariyey xilliyadii ay Hoteellada wada wareegi jireen iyaga oo raadinaya.

Waxaa isla goobtii inta ku miyir-daboolantay ku dhacday Safiyo oo carruurta ay eedada u tahay sannad gurigeeda isku qabeen. Nuur isaga dhulkaa la weynaadey, gabadha uu qabo ee Raxmo, w^aa xaaskii walaalkiis uu horay uga qariyey, taas oo haddii uu ogaan lahaa uusan guursadeen, dhaqanka Soomaalidana qajil ku ah!

Nuur oo is-heyn waayey ayaa soo booday, waxa uuna goobtii farxadda loo yimid oo murugo isku beddeshay ka yiri hadalkaan, oo mar kale dadkii ka yaabiyey “Walaalayaal, ninkaani waa walaalkey, hooyadey ayaa dhashay, weligeyna waa isla joognay, hase yeeshee iima sheegin naag uu qabo iyo ilmo uu dhalay toona. Haatan gabadha aan qabo ee afarta carruurta ah ii leh, waa xaaskiisii hore, weligiisna iima sheegin, imana barin, annaga oo Xamar ku wada nooleyn!”. Inta ku soo jeestay buu la hadlay walaalkiis Dhimbil, isaga oo leh “Walaal Samatar, wax badan baad khaladdey, waxa maantay dhacayna adiga ayaa mas’uul ka ah, Ilaahay baana wax kaa dhihi doona!”. Nuur, isaga oo aan hadalkii weli ka bixin ayuu hal mar is-barey carruurtii, eeddayaashood, hooyooyinkood iyo awoowgood Axmed, oo isna isaga oo wareersan oo ruuxii ka tagay, inta madaxa iyo gacmaha isa saarey darbi isku tiiriyey!

Waxaa ay Aamino la fajacday Raxmo oo laba jeer noqotay dumaashideed, iyada oo sidaa oo kalana Raxmo ay kedis iyo lama-filaan ku noqotay dumaashanimada Aamino oo ay jeclayd, laakiin aysan maanta meeshaan ka filayn! Oday Axmed, isaga oo la yaabbanaa musiibada meesha ka aloosan, ayuu ka sii amakaagey marka uu ogaaday, in uu Xamdi soddog u ahaa, Samsam-na uu awoowe u ahaa, oo ay sannado isla degganaayeen Hargeysa isku guri, iyaga oo aan is-aqoon!

Dadkii halkaas isugu yimid iyo qoysaskii wada fadhiyey, qof walba gaarkiis ayuu dhabanka iyo gacmuhu isku saaran yihiini

Faarax, dhawr arrimood ayaa isugu timid. Walaalshiis oo uusan aqoon oo uu guursadey, oo uu weliba la aqal-galey. Walaashiis kale oo uusan garaneyn oo uu misena mehersadey. Eeddadiis oo in muddo ah ay isku meel degganayeen oo aysan is-garaneyn. Nuur oo hooyadhs qaba, haddana noqday adeerkiis aabbihiis la dhashey! Waxaa mahadho iyo lama illaawaan ku noqotay, waxaa uu aabbihiis sameeyey iyo ceebtaa intaa la eg ee uu u soo jiidey!

Faarax waxaa uu si fiican u fiiriyey aabbihiis, mise illin ayaa ka quble’, dhafoorradana waa haystaa. Inta mar labaad eegay ayuu muragada daran ee aabbihiis docda ula yaallo arkay, markaasaa waxaa ka soo fakaday oraah xikmaysan oo dadkii meesha joogey madaxa u luieen, oo ahayd “Aabbe, Kala Qarisaye, Maxaad Hadda Qaban?!” oo ay micneheedu ahayd; adigaa kala qariyey xaasaskaagii, carruurtaadii iyo eheladaadiiye, hadda oo ay xaaladdu meel xun tagtay, maxaad qaban kartaa? Waxaa kale oo uu sii raaciyey xikmaddaas, murtidan yar oo uu aabbihiis ku wacdinayey:

DHAMMAAD

Qisadani waxaa ay noqotay middii ugu hadal haynta badnaynd sannaddii 2014kii. Waxaana ku cibra-qaatay rag badan oo arrintaan maqlay, oo go’aan ku gaaray in ay ka waantoobaan kala qarinta iyo xumeynta gabdhaha Soomaaliyeed. Waxaa kale oo waayo-aragnimo ka helay dumar badan oo hadda beddelay qaabka guurkooda iyo ka-baaraan-degga ragga ay guursanayaan. Sidoo kale, waxaa ay cashar u noqon doontaa, inta shaahid aan sheekadaan u arag una maqal, laakiin buuggaan ka akhrisan doonta.

– Suldaan Nayruus

Qur’aanka Kariimka iyo Tarjumada Macaanidiisa

Table of contents

  1. Hordhac
    1. Tarjamada
      1. Suuradda 1aad: Al-Faatixa
        1. Suuradda Al-Mulk (Xukunka) 67
          1. Suuradda Al-Qalam ama Nuun (Qalinka) 68
            1. Suuradda Al-Xaaqqah (Xaqiiqda) 69
              1. Suuradda Al-Macaarij (Waddooyinka Kor Loo Koro) 70
                1. Suuradda Nuux 71
                  1. Suuradda al-Jin (Jinka) 72
                    1. Suuradda Al-Muzzammil (Midkii isku Duubduubay Dharka) 73
                      1. Suuradda Al-Muddasir (Kan is Daday)74
                        1. Suuradda Al-Qiyaamah (Soo Bixinta) 75
                          1. Suuradda Al-Insaan ama Ad-Dahar (Aadanaha ama Waayaha) 76
                            1. Suuradda Al-Mursalaat (Lasoo-Dirayaasha) 77
                              1. Suuradda An-Naba (Warka Weyn) 78
                                1. Suuradda An-Naazicaat (Kuwa Wax Soo Siiba) 79
                                  1. Suuradda Cabasa (Wejiga Ayuu Kaduuday) 80
                                    1. Suuradda At-Takwiir (Duubid iyo Beelin Nuurkeeda) 81
                                      1. Al-Infidaar (Dillaacidda) 82
                                        1. Suuradda Al-Mudaffifiin (Kuwa Dhima Beegga) 83
                                          1. Suuradda Al-Inshiqaaq (u-kala-Dhanbalmanka Cirka Gaballo) 84
                                            1. Suuradda Al-Buruuj (Xiddigaha Waaweyn) 85
                                              1. Suuradda Ad-Daariq (Xiddigga Guura) 86
                                                1. Suuradda Al-Aclaa (Kan Sarreynta Badan) 87
                                                  1. Suuradda al-Qaashiyah (Dabooshada) 88
                                                    1. Suuradda Al-Fajar (Beriga ama Oogga Hore) 89
                                                      1. Suuradda Al-Balad (Baladka) 90
                                                        1. Suuradda ash-Shams (Qorraxda) 91
                                                          1. Suuradda Al-Leyl (Habeenka) 92
                                                            1. Suuradda Ad-Duxaa (Barqada) 93
                                                              1. Suuradda ash-Sharax (Laab Fiiridda) 94
                                                                1. Suuradda At-Tiin (Tiinka) 95
                                                                  1. Suuradda al-Calaq (Xinjirta) 96
                                                                    1. Suuradda Al-Qadar (Habeenka Qaddarka) 97
                                                                      1. Suuradda Al-Bayyinah (Xujada Cad) 98
                                                                        1. Suuradda az-Zalzalah (Dhul Gariirka) 99
                                                                          1. Suuradda al-Caadiyaat (Xiimayaasha) 100
                                                                            1. Suuradda Al-Qaaricah (Qaraacdada qalbiga) 101
                                                                              1. Suuradda At-Takaathur (Ku-Tartanka Kororsiga Adduunka) 102
                                                                                1. Suuradda al-Casar (Waqtiga) 103
                                                                                  1. Suuradda Al-Humazah (Durayaasha Wax Ceebeeya) 104
                                                                                    1. Suuradda Al-Fiil (Maroodiga) 105
                                                                                      1. Suuradda Qureysh 106
                                                                                        1. Suuradda Al-Maacuun 107
                                                                                          1. Suuradda Al-Kawthar (Webi Kuyaal Jannada) 108
                                                                                            1. Suuradda Al-Kaafiruun (Gaalada) 109
                                                                                              1. Suuradda An-Nasar (Hiilka) 110
                                                                                                1. Suuradda Al-Masad (Xuskul la Soohay) 111
                                                                                                  1. Suuradda al-Ikhlaas (Keli-Yeelidda Cibaadada) 112
                                                                                                    1. Suuradda Al-Falaq (Dillaaca Oogga) 113
                                                                                                      1. Suuradda An-Naas (Dadka) 114

                                                                                                      Hordhac

                                                                                                      Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, Nabad iyo Naxariis Aliena ha ahaato addoonkiisa Muxammad bin Cabdullaah (^) korkiisa, iyo ehlu beydkisii iyo asxaabtiisii iyo cid kasta oo ku raacda xaqa tan iyo Qiyaamaha. Intaas kaddib:

                                                                                                      Walaalayaal: Qur’aanka Kariimka waa fartiinta Alle. waa dhambaal abad iyo daa’in ah oo waara, waa mucjiso weyn uu Allaah Kor ahaaye ku soo dejiyey Nabigeennii lagu khatimay anbiyadii iyo Rususha, waxaa loogu soo dhiibay Ruuxa Aaminka ah, Jabriil, oo ku so dejiyey qalbigiisa, waa u hanuun dadka oo dhan. Waa halka laga qaato caqiidada saxa ah iyo iimaanka sugan iyo xeerarka sharciga, waa nuur u ifiya dadka jidka, waana kitaab wax tarbiyeeya oo tusaaleeya oo tilmaama si ay dadka uga baxaan mugdiyada xagga nuurka, wuxuu ku hanuuniyaa dadka sida toosnaanta badan, wuxuuna ugu bishaareeyaa mu’miniinta u dhaqma sida suubban inay leeyihiin ajar weyn (Janno..

                                                                                                      Wuxuuna Allaah u soo dejiyey hanuun ahaan dadka, iyo caddeymo hanuun ah iyo kala bixin xaqa iyo baadilka. Wuxuu u yahay caafimaad laabaha, waa kitaab barakeysan oo marag iyo ilaaliye u ah kutubta kale oo dhan ee laga soo dejiyey xag Alle. Waa Kitaab la sugay Aayadahiisa oo laga soo caddeeyey xagga Allaah, Xikmad Badanaha, Xog ogaalka ah.
                                                                                                      Waxaana shaki ku jirin baahida ay dadku u qabaan Kitaabkani uu ka weyn yahay baahida ay u qabaan biyaha iyo hawada, waayo martabaddiisu waa martabadda iyo halka ay nafta ka joogto jirka.

                                                                                                      Wuxuu yiri Allaah Kor ahaaye: “Oo sidaas baan waxaan kuugu waxyoonnay [Muxammadow] Ruuxan (waxyi, iyo Naxariis) Amarkayaga ah oo ma aadan u laheyn cilmi wuxuu yahay Kitaab iyo Iimaan midna? Laakiinse waxaan ka dhignay (Qur’aankan) Nuur aan ku hanuuninno ciddii – aan doono oo ka mid ah addoomahayaga. Oo waxaad xaqiiq adigu [Muxammadow] ku hanuunisaa (dadka) Jid Toosan. Jidka Ilaahay, ee ah Kan iska leh waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan dhulka. Xaqiiq, arrimaha 00 idil ugu dambeyn waxay u aadaan Allaah (go’aan ka bixin 00 isaga baa ka arrimiya)”.

                                                                                                      U adeegga diinta Alle darteed iyo innagoo ajar kaga Dooneyno Allaah, waxaan u guntannay howsha taijumada Macaanida Qur’aanka iyo ku fasirkiisa af Soomaali. Waxaana halkan ugu soo gudbineynaa walaalaheen Soomaaliyeed isagoo ku taijuman af Soomaali sahal ah 00 cad ay ka faa’ideysan karaan cid kasta. Waxaana ku saleennay fasrikiisa manhajka ahlu Sunnaha iyo Jamaacada gaar ahaan masa’looyinka caqiiqdada sida Magacyada Alle ee quruxda badan iyo Sifaadkiisa sare iyo qeyrkoodba. Waxaana ku dadaalnay in xaraf kasta 00 ka mid ku soo gudbinno dhigankiisa af Soomaaliga si aan u siinno tarjumada xaqeeda, marba waxa aan taijumeynno maadaama uu yahay Kitaabkii Ilaahay.

                                                                                                      Waxaana jirta in aan tixgelin siinnay in naska Qur’aanka dhammaantiis aan wada fasimo innagoo aan waxba ka tegin waana sida la doonayo ee abbaarta ah, tusaale haddii aan arrintaasi idinka siinno Qowlka Allaah Kor ahaaye: “Wa innaka la calaa khuluqin cadiim”. Wa’da la socota innaka waxay leedahay macno 00 u dhiganta Soomaali ahaan,” Oo” sidoo kale, ‘Inna’ waxay leedahay macno waxaana la yiraahdaa xarfu towkiid waa adkeyn hadalka waxayna u dhigantaa Soomaali ahaan, ‘xaqiiq’, ‘hubaashii’, ‘dhabtii’, ‘wallee’, iwm ee loola jeedo adkeyn hadalka iyo muujinta inuu xaq yahay dhab ah, xarafka la ee la socda calaa lacalaa, la’daas ka horreysa calaa waxay leedahay macno 00 waa xarfu towkiid 00 wuxuu la macno yahay inna, mana aha intuba hadal zaa’id ah aan macno laheyn, aad bayna ugu badan yihiin xuruuftaas .00 kale Qur’aanka, waxaadna arkeysaa in badi muffasiriinta Soomaaliyeed ay ka tagaan 00 tixgelin siin, taasoo aan sax aheyn. Masalan marka 1 ay fasirayaan: “Wa innaka lacalaa khuluqin caddiim”: waxay u fasirayaan sidatan, “Waxaa ku sugnaaday dabeecad fiicatv waxay halkaas kaga tageen xarafkii waawga ee billowga Aayadda, iyo Inna iyo La’ da ku xiriirsan ee la socota calaa, sida abbaarta ahna ee vvaafaqsan naska Qur’aaniga waa in loo taijumo sidatan ah:

                                                                                                      Oo waxaad xaqiiq Adigu (Muxammadow s|g) dhab ahaan ku sugantahay dabeecad san.” Waxaa kaloo jira in ficil maadiga, ama falka t a g a y, markii uu sagaal xaaladood ku yimaado loola jeeda ficil mudaaric fal jooga ama dhici doona, waxaana ka mid ah xaaladahaas haddii ficil maadigaa – falka tagay — uu yimaado kaddib xaraf ka mid ah xuruufta shardiga sida idaa: tusaale ahaan idaa jaa’a nasrullaahi. mark a jaa’a waa ficil maadi, laakiinse waxaa ka hor maray idaa oo xaraf shardi ah marka laguma fasirayo jaa’a yimid, ee waxaa lagu fasirayaa, “yimaado” waxaa ka mid ah xaaladahaa haddii ficil maadiga lagu billaabo hadalka, sida, ” ataa amrul laahi” laguma fasirayo waxaa yimid ee waxaa loola jeedaa wax dhici doona mustaqbalka, marka macnaha wuxuu noqon,” waxaa imanaya ama imaan doona” waxaa kaloo ka mid ah xaaladahaas marka uu ficil maadiga — falka tagay – yimaado xarfu mowsuul kaddib sida alladdii, alladiina, maa, tusaale ahaan innal ladiina aamanuu. Laguma fasirayo kuwii rumeeyey, ee waa kuwa rumeeya ama rumeysan ama rumeeyey.

                                                                                                      Dhinaca kale waxaa jira xuruufta Carabiga qaarkeed aan laga heleyn luqadda Soomaaliga sida ^ waxaan u isticmaalnay, Th’ iyo sida £ waxaan u isticmaalnay, ‘Gh’, iyo sidoo kale J oo waxaan u isticmaalnay,’ z’ meelaha qaarkood.

                                                                                                      Xagga Magaca Allaah, waxaan u deynay sida uu yahay, waayo ma aha sax in loo taijumo,’ Eebbe. iwm oo Magacyada Ilaahay ma aha waxa aan innagu bixin kamo. Magacyada Anbiyadana waxaa jira Labo Nabi ay Soomaalida magacyadooda yari beddelaan sida Muusaa oo ay yiraahdaan Muuse, iyo Ciisaa oo ay yiraahdaan Ciise, waxaan innagu ku magacownay Qur’aanka dhexdi waxa uu Allaah ku magacaabay oo ah Muusaa iyo Ciisaa.

                                                                                                      Tarjamadu sideedaba ma aha howl sahlan, taijumada macaanida Qur’aanka waa kan ugu sii adag, waayo waa Mucjiso waarta oo xag Rabbi ah, marka sidee buu qof u wada ofsan kara xaqa taijumada hadal ayan isagoo kale keenj, karin jinka iyo insiga haddii ay isu tagaan oo iska kaashadaan. Waxaana la og yahay in tarjumada si kasta oo loogu dadaalo iyo heer kasta oo ay ka gaarto wanaagga inaysan gaari karin halka uu gaarsiisan yahay naska Qur’aanka ee aan lala iman karin isagoo kale. Sidaas darteed waxaan ka rajeyneynaa qof kasta oo akhriya taijumadan inuu noo soo jeediyo wixii talooyin ah iyo tusaalooyin si looga faa’ideysto dabcooyinka soo socda hadduu Alle idmo. Waxaana Ka baryayaa Allaah Kor ahaaye inuu ku anfaco walaalahay Soomaaliyeed meel iyo waa’ ay joogaanba, oo naga aqbalo camalkan Aan ku Dooneyno Wejigiisa Kariimka ah oo naga ah Dar Ilaahay. Oo noogu daro miisaanka camalladeenna wanaagsan maalin aanay wax tarayn maal iyo carruurba.

                                                                                                      Waxaa ammaan idilkeed iyo mahadba leh Allaah, oo Nabad iyo Naxariis Ilaahay korkiisa ha ahaato Nabigeennii Muxammad, ehlu beytkiisii iyo asxaabtiisii oo dhan.

                                                                                                      Cabdulcasiis Xasan Yacquub

                                                                                                      Tarjamada

                                                                                                      Suuradda 1aad: Al-Faatixa

                                                                                                      1. Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.
                                                                                                      2. Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa iska leh Allaah, Rabbiga uumanka.
                                                                                                      3. Naxariistaha, Naxariista Badan.
                                                                                                      4. Boqorka Maalinta Jaazeynta.
                                                                                                      5. Adiga oo [keliya] baan ku caabudaynaa, oo Adiga oo [keliya] baan ku kaalmaysanaynaa.
                                                                                                      6. Ee nagu hanuuni Jidka Toosan.
                                                                                                      7. Jidka kuwa aad u Nicmaysay, aan aheyn [jidka] kuwa aad u Carootay, iyo kuwa dhunsanba.

                                                                                                      Suuradda Al-Mulk (Xukunka) 67

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxanista Badan

                                                                                                      1. Waxaa khayr iyo barako badnaaday (Allaah) oo ah Kan xukunku jiro gacantiisu oo wax walbana Kara.
                                                                                                      2. Kan abuuray dhimashada iyo nolosha, si uu (dadow) idiin imtixaano bal kiinna camal wanaagsan, oo (Allaah) waa Awood Badanaha, Dambi Dhaafka Badan.
                                                                                                      3. Kan abuuray toddobada cirar 00 midba midka kale ka korreeya, ku arki meysid abuurka Raxmaanka (Allaah) wax isweydaar ah. Ee ku celi aragga: “Ma ku aragtaa wax dillaac ah?
                                                                                                      4. Misna ku celi aragga mar kale, waxaa kugu soo laabanayaa araggu isagoo dullaysan oo daallan.
                                                                                                      5. Oo Waxaan dhabtii ku qurxinnay cirka soke Nalal, (xiddigo) oo Waxaan ka dhignay xiddigahaa kuwo lagu gano shayaadiinta, oo waxaan u diyaarinnay cadaab, Naar holceysa ah.
                                                                                                      6. Oo waxaa u sugnaaday kuwa ku gaaloobay Rabbigood cadaabta Naarta, oo aayo xun.
                                                                                                      7. Marka lagu tuuro Naarta, waxay ka maqli doonaan hinraag daran, iyadoo karaysa.
                                                                                                      8. Waxay ku sigan inay la qaraxdo caro. Mar kasta oo lagau tuuro guuto (gaalo ah), wuxuu su’aalaa waardiyaheeda: “Ma wuusan idiin imaan dige?
                                                                                                      9. waxay oran doonaan: “Haayoo dhabtii 9- vimid dige, waanse beenmnay oo ¦¦ soo dejin wax (waxyi ah), JJiaad idinku ku sugan Uhun baadi wey°-
                                                                                                      10. oo waxay (gaaladu) oranayaan: Wm aan wax maqli laheyn ama isan laheyn (Xaqa), ma aanaan ahaaneyn ehlu-Naar.
                                                                                                      11. Waxay qiran doonaan dambigoodu, ee’ha fogaadeen qolada Naarta Hureysa.
                                                                                                      12. Xaqiiqdii! Kuwa ka baqa Rabbigood jyagoo aan arag (arag Isaga, iyo cadaabtusa Aakhirada, iwm) waxay leeyihiin Dambi Dhaaf iyo Ajar Weyn.
                                                                                                      13. Ama hoos u dhiga hadalkiinna (sir (ahaan) ama saaq (kor u qaada), xaqiiqdii, (Allaah) waa Og yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
                                                                                                      14. Sow ma uu yaqaan kii abuuray (uumankiisa)? Oo waa Isaga Turid p^anaha, u Roonaanta Badan (addoomahiisa) ka War Haya (wax walba).
                                                                                                      15. Waa Kan idiinka dhigay dhulka hayin, ee ku socda waddooyinkiisa, oo wax ka cuna risiqiisa (risiqa Allaah), oo Xaggiisa bay ahaan doontaa u soo Bixiddu.
                                                                                                      16. Ma waxaad ka aamin tihiin in Kan (Allaah) ee ka kor ah cirka idinla goooyo dhulka, oo ay idin la dhaqdhaqaaqdo?
                                                                                                      17. Mise waxaad aamin ka tihiin in Kan (Allaah) ka kor ah cirka, uu idiin soo diro dabeyl kulul (hongor ama holon) oo habaas wadata? Waadse ogaan doontaan sidee mid daran u aheyd Digniinteydii?
                                                                                                      18. Oo waxaa dhabtii (Xaqa) beeniyey kuwii ka horrceyey, ee sidee mid daran u aheyd Ciqaabteydii.
                                                                                                      19. Mawaysan arkayn shimbiraha korkooda dulduulaya ee mama fidinaya baalashooda oo mama isku laabaya? Ma jiro wax haya aan aheyn Raxmaanka (Allaah). Xaqiiqdii, wax walba waa uu Arkaa.
                                                                                                      20. Waa kee kan idiin noqon kara ciidan idiin soo gargaara Raxmaanka sokadi? Gaaladu kuma sugna waxaan aheyn hodnaan.
                                                                                                      21. Waa kee kan wax idin siin kara haddii uu (Allaah) ceshado Risiqiisa? Mayee, waxay ku talax tageen kibir iyo xaq diidnimo.
                                                                                                      22. Ma mid ku socda isagoo aan waxba arkeyn wejigiisa, baa hanuunsan mise mid (wax arka) oo ugu socda si toosan oo siman Jid Toosan (Islaamka).
                                                                                                      23. Dheh waa Allaah Kan idin abuuray, oo idiin yeelay maqalka (dhego), airagga (indho) iyo laabo. Yaraa inta aad shukridaan.
                                                                                                      24. Dheh: Waa Allaah Kan idinka abuuray dhulka, ee Xaggiisa la idiin kulmin doono.
                                                                                                      25. Waxay oran doonaan: “Waa gooima yaboohakani haddii aad run sheegeysaan.
                                                                                                      26. Dheh (Muxammadow #): “Allaah baa Og (waqtiga ay ku beegan tahay) oo anigu waxaan ahay dige iska cad.”
                                                                                                      27. Markayse arkaan Naarta oo ku soo dhow, wejiyada kuwa gaaloobay waxay ahaan doonaan kuwo geddisan [madow, kuduudsan. murugo saaran tahay], oo waxaa lagu oran doonaa: Waa kan (yaboohii) aad u yeeranayseen.
                                                                                                      28. Dheh (Muxammadow): Bal ka warrama, haddii Allaah i halligo aniga iyo inta ila jirta, ama noo naxariisto, yaa ka badbaadin doona gaalada cadaab xanuun badan?
                                                                                                      29. Dheh: “Allaah waa Raxmaanka (Naxariistaha), waan rumeynay, oo talo saarannay, waadse ogaan doontaan [gaalooy] cidda ku sugan baadi cad.”
                                                                                                      30. Dheh [Muxammadow], “Bal ka warrama, haddii ay biyihiinnu dhulka ku guraan oo hoos ugu sii fogaadaan, yaa idin siinaya biyo il saafi ah oo soconeysa?”

                                                                                                      Suuradda Al-Qalam ama Nuun (Qalinka) 68

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Nuun. (Xarafkani iyo xarfaha kale ee ku soo arooray billowga suuradaha qaarkood waxay ku tusinayaan mucjisadda Qur’aanka, oo Allaah oo Keliya baa Ogsoon muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uuulajeedo). Waa igu Qalinka iyo waxa ay (malaa’igtu) ku qoraan (kutubta camalka dadka).
                                                                                                      2. Adigu (Muxammadow S) ma tihid, waa igu Nicmadda Rabbigaa, nin waalan.
                                                                                                      3. Oo waxaa kuu sugnaaday (Muxammadow #) ajar aan go’eyn.
                                                                                                      4. Oo waxaad (Muxammadow M) ku sugan t^ay dabeecad san oo sare.
                                                                                                      5. Waad arki doontaa, iyaguna way arki doonaan,
                                                                                                      6. Kiinna waalan (ama la cadaabo).
                                                                                                      7. Xaqiiqdii, Rabbigaa baa Ogsoon, kan ka dhumay Jidkiisa, oo Isaga baa ogsoon kuwa hanuunsan.
                                                                                                      8. Ee (Muxammadow M) ha adeecin beeniyayaasha.
                                                                                                      9. Waxay jecel yihiin inaad u soo dabacdo (oo uga tanaasusho wax ka mid ah Xaqa), iyaguna kuu soo dabcaan.
                                                                                                      10. Oo ha adeecin mid kastoo dhaar badan, aan qiimo laheyn.
                                                                                                      11. Xamasho badan, u socod badan dira diro (nebiibnimo).
                                                                                                      12. Khayr laaweye ah, xad-gudbe, dambiile ah.
                                                                                                      13. macangag madax adag, intaasoo dhan ka sokow sheegato ah (shard ku dhalan).
                                                                                                      14. (Wuxuu sidaa u ahaaday) sababta oo ah inuu leeyahay maal iyo wiilal.
                                                                                                      15. Marka loo akhriyo Aayadahayaga (Qur’aanka), wuxuu yiraahdaa: waa sheekooyinkii dadkii hore.”
                                                                                                      16. Waxaan summad kaga dhigi doonnaa sanqaroorka.
                                                                                                      17. Waxaan xaqiiqdii u imtixaannay sidii loo imtixaanay qoladii beerta, markii ay ku dhaarteen inay goostaan mirihii (beerta) aroorta hore.
                                                                                                      18. Iyagoon oran: Inshaa Allaah (Haddii ^ Allaah idmo).
                                                                                                      19. Waxaase beertii uga yimid amar (dab) xagga Rabbigaa habeennimadiiba oo * * gubtay intii ay hurdeen.
                                                                                                      20. Waxayna noqotay xaabo madoobaatay oo la shafay.
                                                                                                      21. Markaasay isu dhavvaaqeen subaxii,
                                                                                                      22. iyagoo leh: Ku kallaha beertiinna haddii aad goosanaysaan miraha.
                                                                                                      23. Markaas bay tagecn iyagoo codka hoos u dhigaya (iyagoo ku tashaday),
                                                                                                      24. Inaan beerta maanta soo gelin miskiin.
                                                                                                      25. Waxayna kallaheen subaxii hore, iyagoo diiddan inuu u soo galo miskiin).
                                                                                                      26. Markiise ay arkeen (beertii) sida ay noqotay, waxay yiraahdeen: “malaha waan soo dhunnay,”
                                                                                                      27. Misna way is garteen oo yiraahdeen mayee waa nala dhaafiyey (mirahii) beerta.”
                                                                                                      28. Markaasuu koodii u wanaagsanaa intoodii yiri: “Miyaanan idinku oran: Allaah Weyneeya oo Waxida,”
                                                                                                      29. Waxay yiraahdeen: “Allaa weyn oo waaxid ah oo xumaan ka Nazahan. innaguna waannu xadgudubnay.
                                                                                                      30. Markaasaa qaarba qaar ka hor jeesaday, iyagoo is eedeynaya.
                                                                                                      31. Waxay yiraahdeen: Magaceen ba’ye, innagu waan xad gudubnay.
                                                                                                      32. Waase intaasoo uu Rabbigeen noogu beddelo beer ka wanaagsan tani. Waxaan innagu u toobad keennay Rabbigayo (innagoo u jeedna samaan si uu noogu dhaafo denbiyadayada, oo noo siiyo ajar wanaagsan Aakhirada).
                                                                                                      33. Sidatani waa ciqaabka (noloshan), ha yeeshee run ahaan, ciqaabka Aakhirada baa weyn oo daran, haddii ay ogaan lahaayeen
                                                                                                      34. Xaqiiqdii, kmva ka dhowrsada xumaha (waxay ku leeyihiin Rabbigood agtiisa bccro banvaaqo ah (Janno).
                                                                                                      35. Ma Muslimiinta baan kala mid dhigeynaa Mujrimiinta (Mushrikiinta, gaalada, dambiilay nasha, iwm).
                                                                                                      36. Maxaad leedihiin? Sidee baad wax u guddoomisaan?
                                                                                                      37. Mise waxaad heysataan kitaab aad ka akhrisaiaan.
                                                                                                      38. Inaad ka heleysaan wixii doorataan?
                                                                                                      39. Mise waxaad naga hcysataan ballan xaggayaga ah, gaaraya ilaa Maalinta Qiyaamaha inaad leedihiin wixii aad xukuntaan.
                                                                                                      40. Weydii koodii uga ah arrinkaas damiin.
                                                                                                      41. Mise waxay leeyihiin shariigyo, ha keeneen shariigyadooda haddii ay run sheegayaan.
                                                                                                      42. (Xus) Maalinta marka dhudhunka feydi doono (waa Maalinta Qiyaamaha) oo waxaa loogu yeeri doonaa inay u sujuudaan (Allaah), mase karayaan (munaafiqiinta inay sujuudaan),1
                                                                                                      43. Indhahoodu waxay ahaan doonaan kuwo hoos u rogan, dulli baa dabooli doona; waxayna ahaayeen (nolsoshii adduunka) kuwo loogu yeero sujuudda iyagoo fayow (laakiinse ma ay yeelin).
                                                                                                      44. Ee isu kaaya daa Aniga iyo kuwa beeniya Qur’aankan; waxaan ka ciqaabi doonnaa ciqaab gaatan ah jihooyin aysan fileyn.
                                                                                                      45. Oo Waxaan siin doonaa kansho. Xaqiiqdii, Qorshaheygu (tabteydu) waa mid xoog badan.
                                                                                                      46. Mise waxaad (Muxammadow) weydiisataa ujro, sidaa awgeed ay la culaabeysan yihiin deyn?
                                                                                                      47. Mise Ghaybka (waxa qarsoon ee aan muuqan_halkan Aayaddan waxaa loola jeedaa Allawxul Maxfuud) baa ku jira gacmahooda, oo sidaa darteed ay wax ku qoraan?
                                                                                                      48. Ee ku sabar Xukunka Rabbigaa, oo ha noqonnin sidii rafiiqii nibiriga (Nabi Yuunus), markii uu noo dhawaaqday (Annaga) isagoo walbahaarsan.
                                                                                                      49. Haddii aysan Nicmad xagga Rabbigi ah haleesheen, wuxuu hubaashii ahaan lahaa (mid looga tegay caloosha nibriga laakiinse waan u dambi dhaafnay) sidaa darteed wuxuu ahaa mid lagu soo tuuray xeebta bannaan isagoo eedeysan.
                                                                                                      50. Waxaase doortay Rabbigi is oo ka mid yeelay kuwa wanaagsan.
                                                                                                      51. Oo waxay ku sigan kuwa gaaloobay inay wax kugu yeelaan indhohooda (dhabatoda) naceyb gala awgiis markii ay maqlaan Waanada (Qur’aanka); oo waxay yiraahdaan: “Kani (Muxammad #) waa waal an yahay.
                                                                                                      52. Wax kalese ma aha (Qur’aankan) aan aheyn Waano ku socoto uumanka.

                                                                                                      *Abuu Saciid a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yiri: Waxaan maqlay Nabiga s.c.w, Alle Weyne Kor ahaaye wuxuu feydi doonaa Dhudhunkiisa, markaasay dh mu’miniinta, rag iyo haweenba, u sujuudi doonaan, waxaase hari doonaa kuwaasi jirey is tuska iyo sharaf doonka. Dadka noocaasi ah waxay isku dayi doonaan inay s (Maalinta Qiyaamaha) waxayse dhabarradooda ahaan doonaan sida u taagan aan s karin. (Al-Bukhaari)

                                                                                                      Suuradda Al-Xaaqqah (Xaqiiqda) 69

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxanistaha, Naxanista Badan.

                                                                                                      1. Xaqiiqda dhaceysa (Waa Maalinta Qiyaamaha).
                                                                                                      2. Maxay tahay Xaqiiqda dhaceysa?
                                                                                                      3. Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa ay tahay xaqiiqda dhaceysa?
                                                                                                      4. Waxay beeniyeen qolooyinkii Thamuud iyo Caad Qaaricada (Qiyaamada).
                                                                                                      5. Thamuud ahaan. waxaa lagu halaagay Qaylo Daran.
                                                                                                      6. Caadna waxaa lagu halaagay dabeyl hugmeysa oo xoog badan.
                                                                                                      7. Oo uu Allaah ku salliday korkooda toddoba habeen iyo siddeed maalmood oo xiriir ah; waxaad arkeysaa qoon dhexdeeda wada legdoon (la halaagay), la moodo jirrid timreed (dogob) dhacay.
                                                                                                      8. Ee miyaad aragtaa wax ka haray?
                                                                                                      9. Waxaa jiray Fircoon iyo kuwii ka hoireeyey iyo magalooyinkii la daba geddiyey (magaalooyinkii qoonkii Luud) ee dambiga galay.
                                                                                                      10. Waxay caasiyeen Rasuulkii Rabbigood, markaasuu (Allaah) qabtay qabasho daran. 11
                                                                                                      11. Waxaan Annagu markii ay biyihii xad dhaafeen (daadkii Nuux), idinku qaadnay (dadow) Doontii (uu sameeyey Nuux).
                                                                                                      12. Si aan idiinkaga dhigno waano, oo u xafiddo dheg wax maqasha oo u fahanto
                                                                                                      13. Ee marka Buunka la afuufo afuufid keliya (tan hore)
                                                                                                      14. Oo dhulka iyo buuraha laga rujiyo meelahooda, oo la baduugo baduugid mar keliya ah
                                                                                                      15. Maalintaa bay Dhacdada Weyn (Qiyaamadu) dhaceysaa.
                                                                                                      16. Oo cirka u kala dillaaci doonaa gaballo, oo maalintaasi tabar yar tahay.
                                                                                                      17. Oo malaa’igtu waxay ahaan doonaan ciilca gaararkiisa, oo waxaa ku sidi doona Carshiga Rabbigaa korkooda Maalintaas siddeedmalag.
                                                                                                      18. Maalintaas baa dadka loo soo bandhigaya Allaah, ma jiro wax xaggooda Icagaqaisoon.
                                                                                                      19. Ee kii lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig wuxuu oranayaa: “Hooyoo, akhriya Kitaabkeyga.
                                                                                                      20. Waxaan anigu rumeeyey inaan la kulmayo Xisaabteyda”
                                                                                                      21. Wuxuu kaasi ku noolaan doonaa nolol laguraalli noqdo.
                                                                                                      22. Beer sare gudaheed ah (Janno),
                                                                                                      23. Miraheedu dhowyihiin.
                                                                                                      24. (Waxaa lagu oran doonaa) Cuna oo cabba idinkoo faraxsan, waa wixii aad soo honnaisateen maalmihii tegaye.
                                                                                                      25. Kiise lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa bidix wuxuu oranayaa: “Magacay ba’e waxaan jeclaan lahaa inaan la i siiyeenba kitaabkeyga.
                                                                                                      26. Iyo inaan marnaba ogaadeen, sida xisaabteydu tahay?
                                                                                                      27. “Waxaan jcclaan lahaa haddii taa iyada ahi (dhamishadu) ahaan laheyd dhammaadkeyga (aan nolol ka dambeyn).
                                                                                                      28. Maalkeygii wax iima tarin.
                                                                                                      29. Awooddeydii iyo doodaheygii waa iga baabba’een.
                                                                                                      30. (Waxaa la oranayaa): “Qabta oo xir- xira.
                                                                                                      31. Oo Naarta ololeysa geliya.
                                                                                                      32. Oo ku xiixira silsilad ballaceedu yahay toddobaatan dhudhumood.”
                                                                                                      33. Wuxuu ahaa mid aan rumeysneyn Allaah, Sarreeyaha Weyn.
                                                                                                      34. Aan ku boorrin jinn (dadka) quudinta masaaknnta,1
                                                                                                      35. Sidaa awgeed maanta kuma laha halkan wax saaxiib ah.
                                                                                                      36. Oo kuma laha wax cunno ah milil iyo malax ma’ahee (dhacaanka ehlu Naarka).
                                                                                                      37. Cidi ma cunto aan aheyn Khaadi’iinta (mushrikiinta, gaalada, dambiilayaasha, iwm).
                                                                                                      38. Ee waxaan ku dhaartay waxa aad aragtaan (uunka muuqda).
                                                                                                      39. Iyo wax aydaan arkaynba,
                                                                                                      40. Inuu Qur’aankani yahay hadalkii Allaah ee loo soo dhiibay Rasuul sharaf leh (waxaa loola jeedaa Jabriil ama Muxammad S ee ka keenay Qur’aanka xagga Allaah).
                                                                                                      41. Oo ma aha hadal gabayaa, waa yar tahay inta aad rumeysaan
                                                                                                      42. Mana aha hadal curraafle (kaahin), waa yar tahay inta aad waantowdaan.
                                                                                                      43. (Qur’aanku) wuxuu ka soo degey xagga Rabbiga uumanka.
                                                                                                      44. Oo haddii uu (Muxammad i&) nagu been abuuran lahaa;
                                                                                                      45. Waxaan hubaashii ku qaban laheyn Midig (gacan adag)
                                                                                                      46. Oo waxaan goyn laheyn garka wadnaha.
                                                                                                      47. Oo ma jiro axad idinka mid ahi oo naga celin lahaa.
                                                                                                      48. Oo Qur’aankani waa u waano kuwa ka dhowrsada xumaha.
                                                                                                      49. Oo Annagu waan ognahay inay jiraan qaar idinka mid ah oo beeniya (Qur’aanka).
                                                                                                      50. Oo wuxuu (Qur’aankan) ku noqon doonaa qoomamo gaalada (Maalinta Qiyaamaha).
                                                                                                      51. Oo (Qur’aankan) waa xaq dhab ah.
                                                                                                      52. Ee ku tasbiixso Magaca Rabbigaa Weyn.

                                                                                                      *Cabdullaah bin Camar a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yiri: Nin baa weydiiyey s.c.w.: Maxaa camallo ahaan ama dhaqan islaam ahaan wanaagsan? Nabigu s.c.w. wuxu^yj^ In aad soorto (raashin siiso) saboolka, oo salaanto kuwaasi aad garaneyso iyo kuwaasi garaneynba”.(Al-Bukhaari)

                                                                                                      Suuradda Al-Macaarij (Waddooyinka Kor Loo Koro) 70

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah. Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Weydiiye baa dheeldheel u warsaday in cadaabtu ku dhaceysa gaalada.
                                                                                                      2. Cadaabtaasoo aanay jirin wax ka celin kara gaalada [oo ka imaneysa]
                                                                                                      3. Xagga Allaah, Rabbiga waddooyinka kor loogu koro Ieh.
                                                                                                      4. Waxay u koraan Malaa’igta iyo Ruuxu (Jabriil) xaggiisa Maalin qaddarkeedu dhan yahay konton kun oo sano.
                                                                                                      5. Ee Sabar (Muxammadow JS), sabar wanaagsan
                                                                                                      6. Waxay u arkaan (cadaabkaa) wax fog.
                                                                                                      7. Waxaanse Ognahay inuu (aad) u dhow yahay.
                                                                                                      8. Maalinta uu cirku noqon doono sida maar shuban
                                                                                                      9. Oo buuruhu noqon doonaan sida cudbi la dhilay.
                                                                                                      10. Oo Saaxiib wax weydiin doonin saaxiib.
                                                                                                      11. Iyagoo is aikaya (waa Maalinta Qiyaamaha), Muujrimku (denbiilaha) wuxuu jeclaan doonaa inuu isaga fiirto cadaabka Maalintaasi carruuitiisa.
                                                                                                      12. Iyo xaaskiisa iyo walaalki.
                                                                                                      13. Iyo xigtadiisii soo dhoweyneysey,
                                                                                                      14. Iyo waxa dhulka ku sugan oo dhan si uu isagu u badbaado.
                                                                                                      15. Mayee! Waa Ladaa (NaarKulul).
                                                                                                      16. Diiraneysa haragga madaxa.
                                                                                                      17. Iyadoo u dhawaaqeysa kuwaa diiday Xaqa oo dhabarka u jeediyey.
                                                                                                      18. oo maal kulmiyey oo keydiyey (oo aan Xaqa ku bixin).
                                                                                                      19. Xaqiiqdii, Aadanahu waa naf jecleysi badan yahay oo sabar yar yahay
                                                                                                      20. Marka uu dhib taabto waa argagaxaa.
                                                                                                      21. Oo marka uu khayr helo waa bakheylaa.
                                                                                                      22. Waxaan aheyn Muslimiiinta ehlu salaadka ah.
                                                                                                      23. Kuwa daa’ima salaaddooda;
                                                                                                      24. Oo ah kuwa maalkooda uu ugu jiro xaq la yaqaan.
                                                                                                      25. Miiskiina tuugsada, iyo kuwaan wax haysan.
                                                                                                      26. Oo ah kuwa rumeysan Maalinta Jaaseynta (Qiyaamaha).
                                                                                                      27. Oo ah kuwa cadaabta Rabbigood ka walaacsan.
                                                                                                      28. Xaqiiq! Cadaabta Rabbigaa ma jiro wax ka aamin ah.
                                                                                                      29. Oo ah kuwa ka ilaaliya xubnahooda gaarka ah (galmo aan bannaaneyn, iwm)1
                                                                                                      30. Xaasaskooda ma’ahee iyo (haweenka ah addoonadaha iyo qafaallada) ay gacmahoodu midig hantaan, oo (markaa) ma laha wax eed ah.
                                                                                                      31. Kiise doona wax intaas dhaafsiisan, waa iyaga kuwa ah xad- gudbayaasha
                                                                                                      32. Oo waa kuwa ilaaliya ammaanoo- yinkooda iyo ballamahooda;
                                                                                                      33. Oo ah kuwa ku toosnaada markhaa- tiyadooda;
                                                                                                      34. Oo ah kuwa u xafida salaaddooda si wanaagsan,
                                                                                                      35. Kuwaas sidaas ah baa geli doona Beeraha (Jannada) iyagoo sharfan.
                                                                                                      36. Ee maxay leeyihiin kuwa gaaloobay waa iyaga u soo degdega’e inay wax kaa dhageystaan (Muxanunadow), si ay kuu beeniyaan iyo si ay kuugu jees-jeesaan adiga iyo Kitaabka Allaah (Qur’aankan).
                                                                                                      37. (iyagoo u fadhiya) koox koox midigta iyo bidixdaada (Muxanunadow S).
                                                                                                      38. Ma wuxuu qof walba oo iyaga ka mid ahi rajeynayaa inuu galo Jannada barwaaqada?
                                                                                                      39. Mayee, Waxaan ka abuumay waxa ay og yihiin.
                                                                                                      40. Ee Waxaan ku dhaartay Rabbiga qorrax ka soo baxyada iyo qorrax u dhacyada inaan xaqiiq Karno;
                                                                                                      41. Inaan ku beddelno (Kuwo kale) oo ka wanaagsan; oo ma nihin kuwo laga baxsado.
                                                                                                      42. Ee iska daa ha (iimbadecn (xumaanta), oo ha iska cayaareen, inta ay la kulmayaan Maalinlooda loo yaboohay.
                                                                                                      43. Maalinla ay ka soo bixi doonaan qu- buuraha iyagoo degdegaya sida inay u tartarmayaan calaamo loo taagay.
                                                                                                      44. Indhahoodu la hogonayaan cabsi, dulli baa ka daboolaya (korka oo dhan)f Taasi waa Maalintii loo yaboohay

                                                                                                      *Sahal bin Sacad a.k.r. wxaa laga soo weriyey inuu yiri: Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yiri Qofkii ii damaanad qaada dhowrista waxa u dhexeeya labadiisa daan (waa afka iyo carrabkiisa) iyo waxa u dhexeeya labadiisa lugood (waa xubnahiisa gaarka) waxaan u damaanad qaadayaa Janno. (Bukhaari)

                                                                                                      Anas a.kr waxaa laga soo weriyey inuu yiri: Waxaan idiin soo gudbin doonaa xadiis uusan qofna aniga gadaashay idiin sheegi doonin. Waxaan maqlay Rasuulkii A lie s.c.w. oo leh: Waxaa ka imid calaamooyinka soo dhowaanta Saacadda Qiyaame in cilmiga share iga yaraan doono (taasna waxaa keenaya dhimashada culimada u leh aqoonta diinta) waxaa soo if bixi doona jahli (oo faafi doona) waxaa soo if bixi doona zinada, waxaa badan doonaa dumarka oo yaraan doona ragga heer kontonkii haween ah ay yeelan doonaan hal mas’uul (danahooda u quma). (Al-Bukhaari)

                                                                                                      Suuradda Nuux 71

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxanista Badan

                                                                                                      1. Waxaan Annagu u dimay Nuux qoon- kiisii (Annagoo leh): “U dig qoonkaaga inta aysan u iman cadaab xanuun badan.”
                                                                                                      2. Wuxuu (Nuux) yiri: “Qoonkayow! Waxaan anigu idiin ahay dige cad.
                                                                                                      3. “Ee caabuda Allaah (Keliya), oo ka dhowrsada xumaha, anigana i adeeca.
                                                                                                      4. Wuxuu (Allaah) idiin dhaafayaa dambiyadiinna, oo idiin dib dhigayaa ilaa muddo magacaaban. Xaqiiqdii, Ajasha Allaah marka ay timaaddo, dib looma dhigi karo, haddii aad og tihiin.
                                                                                                      5. Wuxuu (Nuux) yiri: “Rabbiyow! Waxaan anigu u yeeray qoonkeygii habeen iyo maalinba.
                                                                                                      6. “Umase kordhin yeeriddeydii waxaan aheyn ka carar (xaqa).
                                                                                                      7. Mar kasta oo aan anigu u yeerona si aad ugu dambi dhaafto, waxay geliyaan farahooda dhegahooda dhexdooda, oo isku daboolaan dharkooda, oo ku madax adaygaan (shirkiga iyo macaasida) oo isweyneeyaan isweyneyn.
                                                                                                      8. “Misna waxaan ugu yeeray (diinta) si cad (oo cod kore ah).
                                                                                                      9. “Misna waxaan u ogeysiiyey si cad (guud), oo haddana ugu yeeray si gaar ah.
                                                                                                      10. Waxaan ku iri: “Ka barya dambi dhaaf Rabbigiin; Xaqiiqdii; waa Dambi Dhaaf Badane’e.
                                                                                                      11.  “Ha idiinka keenee cirka roob weyn oo dararah;
                                                                                                      12. Hana idiin kordhiyee maal iyo awlaad, oo ha idiin yeelee beero, hana idiin yeelee webiyaal.
                                                                                                      13. Maxaad leedihiin oo uga cabsoon weydeen Allaah oo u qaddarin weydeen.
                                                                                                      14. Isagoo idin abuuray idinkoo soo maray heerar (kala duwan) (yacni markii hore Nudfah (dhibic biyo ah), haddana xinjir, haddana goosin hilib ah).
                                                                                                      15. Mawaydan arkeyn sida Allaah u abuuray toddobada cir ee kala korreeya.
                                                                                                      16. Oo ka dhigay dayaxa ileys dhexdiisa ah, oo ka dhigay qorraxda nal shida?
                                                                                                      17. Oo (Allaah) Wuxuu idinka keenay (ciidda) dhulka.
                                                                                                      18. Haddana idinku celin doonaa gudahiisa oo idinka soo bixin doonaa baxsiis (mar kale Maalinta Qiyamaha)?
                                                                                                      19. Oo Allaah Wuxuu idiinka dhigay dhulka gogol fidsan (waasic).
                                                                                                      20. Si aad ugu socotaan dhexdiisa waddooyin waaweyn.
                                                                                                      21. Nuux wuxuu yiri: Rabbiyow! Waa i caasiyeen, oo waxay raaceen mid maalkiisu iyo awlaaddiisu aysan u kordhin waxaan aheyn khasaaro.
                                                                                                      22. “Oo waxay qooleen shirqool weyn.
                                                                                                      23. “Oo waxay yiraahdeen: “Ha ka tegina ilaahyadiinna, oo ha ka tegina Wadd iyo Suwaac iyo Yaquus iyo Yacuuq iyo Nasar (magacyada sanamyadii ay caabudi jireen).
                                                                                                      24. oo waxay dhabtii lumiyeen in badan, ee [Allahayow] ha u kordhin Daalimiinta (mushrikiinta, gaalada, dambiilayaasha, iwm) waxaan aheyn habow.
                                                                                                      25. Gafkoodii dartiis baa loo hafiyey oo loo gel’iyey Naar, oo, mana helin Allaah sokadi cjd u soo gargaarta.
                                                                                                      26. Oo Nuux wuxuu yiri: “Rabbiyow! Ha lcaga tegin qof ka mida gaalada dhulka korkiisa.
                                                                                                      27. “Waayo haddii aad deyso oo kaga tagto, waxay dhuminayaan addoomahaaga, oo ma dhali doonaan waxaan aheyn faajir gaalnimo badan.
                                                                                                      28. Rabbiyow! Ii Dambi dhaaf aniga, iyo waalidkey iyo qofkii soo gala gurigeyga isagoo mu’min ah, iyo mu’miniinta iyo mu’minadaha. Oo ha u kordhin Daalimiinta (mushrikiinta, gaalada, dambulayaasha iwm) waxaan aheyn burbur iyo baabba’a

                                                                                                      Suuradda al-Jin (Jinka) 72

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Dheh [Muxammadow] “Waxaa la ii waxyooday inay koox Jin ahi dhegaysteen [Qur’aankan]. Waxay yiraahdeen, “Waxaannu innagu maqallay Qur’aan cajab leh.
                                                                                                      2. “Wuxuu wax ku toosiyaa Jidka Toosan, waanu rumeynay, oo marnaba uma shariig yeeli doono Rabbigiyo oo lama wadaajin doonno [cibaadada] axadna.
                                                                                                      3. “Waxaana Sarreeya Sharafta Rabbigeen, ma uusan yeelan xaas iyo carruur midna
                                                                                                      4. “Waxayna kuwa maan gaabka ahi ee dhexdeenna ah (waa Ibliis ama mushn- kiinta ku jira Jinka) ka sheegaan Allaah waxaasi ah gefka oo aan toosneyn.
                                                                                                      5. “Oo Waxaan moodnay in aysan dadka iyo jinka ka been sheegeyn Allaah.
                                                                                                      6. “Oo Waxaa jira rag ka mid ah insiga oo magan gala rag ku jira jinka, waxayse (jinku) u kordhiyeen (dadkaa) dambi iyo gaalnimo.
                                                                                                      7. “Oo waxay u maleeyeen sida aad u malayseenba, inuusan Allaah u soo diri doonin wax Rasuul ah (dadka ama jinka).
                                                                                                      8. “Oo waxaan doonnay inaan gaamo cirka, waxaanse la kulannay isagoo laga buuxiyey ilaalooyin adag iyo dhimbilo dab oo ololaya.
                                                                                                      9. “Oo Waxaan ka fariisan jimay halkaa rugag si aan u wax uga dhageysanno, kiise dhegaystaa haatan wuxuu la kulmi doonaa dab ololaya oo u cimil gashan.
                                                                                                      10. “Oo ma ogin, in shar lala maagay waxa jooga dhulka korkiisa, ama in Rabbigood la doonay hanuun.
                                                                                                      11. “Oo waxaa naga mid ah kuwo wanaagsan iyo kuwo ka duwanba; waxaan nahay kooxo mid waliba heysato dariiqo gaar ah (kooxo diini ah oo kala duwan).
                                                                                                      12. “Oo waxaan ognahay inaan uga fakan karin (ciqaabka) Allaah dhulka, oo ugama fakan kamo (ciqaabka) carar.
                                                                                                      13. nka (Qur’aankan) waan rumaynay, W4 a Rabbigi kama baqo nusqaan sameeyo xagga ajarka camalladiisa wanaagsan, ama ziyaado ciqaab ahaan x«ggadambiyadiisa’
                                                                                                      14. Oo waxaa naga mid ah Muslimiin, iyo al-Qaasiduun (gaalo kuwa ka day Jidka Toosan)’. ee ciddii Islaamta J^aasi waxay qaateen Hanuunka Toosan”
                                                                                                      15. Kuwase ah Qaasiduunka (gaalada ka leexday Jidka Toosan), waxay ahaan doonaan xaabada Naarta,
                                                                                                      16. Haddii ay dadku ku toosaan Jidka Wanaagsan (waa Islaamka) waxaan hubaashii ka waraabin laheyn biyo badan oo macaan.
                                                                                                      17. Si aan ugu imtixaanno. Kiina ka jeesada Waanada Rabbigi (waa Qur’aankan oo aan ku carnal falin xeerarkiisa iyo amarradiisa) Wuxuu galin doonaa cadaab daran (waa Naar).
                                                                                                      18. Oo Masaajidyada waxaa leh Allaah, (Keliya) ee ha kula baryina la jirka Allaah axadna.
                                                                                                      19. Oo markii uu addoonkii Ilaahay (Muxammad 9k) istaagay isagoo baryaya Allaah (Keliya), Waxay durbaba ka sameeyeen hareerahiisa is buurasho badan (si ay u dhageystaan akhnnta Nabiga, ama waxay ku sigteen inay ku soo boodaan naceyb ay u qabaan towxiidka darti).
                                                                                                      20. Dheh (Muxammadow) waxaan uun baiyayaa Rabbigay (Allaah Keliya), oo lama wadaajinayo cibaadada axadna.
                                                                                                      21. Dheh: “Ma aha wax awooddeyda ku jira inaan idiin geysto dhibaato, ama inaan idin qaadsiiyo Jidka Toosan.”
                                                                                                      22. Dheh (Muxammadow S): “Cidina igama cclineyso Ciqaabka Allaah (Haddii aan ku caasiyo), mana hclayo sokadi wax ciirsi iyo agab ah.
                                                                                                      23. (Xilkeygu waa) oo keliya Gaarsiinta (Xaqa) ka yimid Allaah iyo Risaalooyinkiisa (towxiidka), oo kii caasiya Allaah iyo Rasuulkiisa waxaa xaqiiqdii u sugnaaday Naarta Jahannama, wuxuu ku waari doonaa dhexdeeda weligiis.
                                                                                                      24. Markii ay arkaan waxa loo yaboohay, waxay ogaan doonaan cidda gargaarahiisu tabar daran yahay oo tiro yar.
                                                                                                      25. Dheh (Muxammadow Jj): “Anigu ma ogi in (ciqaabka) la idiin yaboohay uu dhow yahay, ama in Rabbigay u yeeli doono waqti dhcer
                                                                                                      26. (Isaga oo keliya weeyaan Allaah) Ogsoonaha Ghaybka (waxa aan muuqan ee qarsoon), umana bandhigo Ghaybkiisa (waxa qarsoon ama aan muuqan) axadna.”
                                                                                                      27. Rasuul maahee (dadka ka mid ah) uu ka raalli noqday (wuxuu uga sheegaa Ghaybka intii uu doono), Wuxuuna u yeelaa koox gaar iyo ilaala ah (malaa’ig) si ay u socota hortiisa iyo gadaashiisaba ilaalo ahaan.
                                                                                                      28. (Wuxuu Allaah dhowraa iyaga (Rususha) illaa uu muujiyo inay (Rusushaa) gaarsiiyeen Farrimahii Rabbigood. Oo (Allaah) waa koobay waxa xaggooda jira, wflyna u tiro kooban yihiin wax walba.

                                                                                                      Suuradda Al-Muzzammil (Midkii isku Duubduubay Dharka) 73

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Kani isduuduubayow (waa Nabi Muxammad).
                                                                                                      2. U kac (inaad tukato) habeenkii oo dhan, in yar maahee.
                                                                                                      3. Barkiis (tuko) ama ka nusqaami wax yar.
                                                                                                      4. Ama ka badi wax yar, oo u akhri Qur’aanka si wanaagsan.
                                                                                                      5. Waxaan Annagu kugu soo dejin doonnaa Hadal cuius.
                                                                                                      6. Xaqiiqdii, u kicidda habeennada (salaad Tahajjud ah) baa leh khushuuc badan oo toosan, una munaasibsan fahmidda hadalka (Allaah).
                                                                                                      7. Waxaa kuu sugan maalintii howl dheer.
                                                                                                      8. Ee xus Magaca Rabbigaa, oo u go1 go’id dhan.
                                                                                                      9. Rabbiga qorrax soo baxa iyo qorrax u dhaca Ma jiro ilaah xaq ah aan aheyn Isaga ee ka dhigo Wakiil.
                                                                                                      10. Oo u sabar (Muxammadovv sg) waxa ay yiraahdaan, oo uga dheerow iyaga si qurxoon.
                                                                                                      11. Oo isu kaayo daa Aniga iyo kuwa beeniya (Aayadaheyga) Oo ah kuwo ladan oo aan siinnay raaxada adduunka. Oo u sug in xoogaa ah.
                                                                                                      12. Xaqiiqdii, Waxaa xaggayaga ah heegayaal (aan ku xir-xiro mushrikiinta, gaalada, dambiilayaasha, iwm) iyo Naar cartameysa.
                                                                                                      13. Iyo cunto lagu margado, iyo cadaab xanuun badan.
                                                                                                      14. Maalinta dhulka iyo buuruhu gilgilan doonaan gil-gilasho xoog leh, oo buuruhu ahaan doonaan bacaad la shubay oo hoos u soo daadaneysa.
                                                                                                      15. Waxaan Annagu idiin soo dimay (dadow) Rasuul (Muxammad markhaati idinku ah, sida aan ugu soo dimayba xagga Fircoon Rasuul (Muusaa).
                                                                                                      16. Wuuse caasiyey Fircoon Rasuulkii (Muusaa), markaasaan ku qabannay qabasho (cadaab) daran.
                                                                                                      17. Ee sidee baad isaga celineysaan ciqaabka, haddii aad gaalowdeen, Maalin ka dhigi doonta canuurta cirroole (waa Maalinta Qiyaamaha).
                                                                                                      18. Cirkuna arrinkaa darti la dildillaacayo ahaan doonana mid u kala go’an gaballo.. Yabooha (Allaah) waa mid fulaya
                                                                                                      19. Xaqiiqdii, tani wa waano, sidaa awgeed kii doona, ha u samaysto xagga Rabbigi jid.
                                                                                                      20. Rabbigaa waa ogyahay inaad u istaagto (salaad habeenkii) wax in yar ka yar saddex meeloodoo labo meelood habeenka, ama habeenka barkiis, ama saddex meeloodoo meel habeenka, sidaa oo kale bayna yeelaan qayb ka mida kuwa kula jira. Oo Allaah way u qaddaran tahay habeenka iyo maalinta. Wuxuu og yahay inaydaan kareyn inaad tukataan habeenkii oo dhan, sidaa awgeed buu idiinku naxariistay. Ee akhriya wixii idiin fududaada oo Qur’aan ah. Wuxuu og yahay inay idin ka mid ahaan doonaan kuwa buka, iyo kuwo kale oo ku safraya dhulka iyagoo dalbaya Deeqda Allaah; weliba kuwo kale oo u diriraya Arrinka Allaah. Ee akhriya wixii idiin fududaada oo Qur’aan ah, oo u ooga salaadda si wanaagsan oo bixiya Zakada, oo amaahsada Allaah Amaah wanaagsan. Oo wixii aad u hormarsataan nafahiinna oo jthayr ah waxaad ka heleysaan Allaah agtiisa iyagoo sii wanaagsan oo la idiin badiyey ajar iyo abaalgud ahaanba. Oo dalba Dambi dhaafka Allaah. Xaqiiqdii, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

                                                                                                      Suuradda Al-Muddasir (Kan is Daday)74

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Adigaagan (Muxammadow) isku dadayow (dharka).
                                                                                                      2. Kac oo dig.
                                                                                                      3. Oo Rabbigaa (Allaah) weynee.
                                                                                                      4. Oo dharkaaga daahiri
                                                                                                      5. Oo ka fogow Ar-Rujz (sanammada).
                                                                                                      6. Oo ha u bixin vvaxna si aad u hesho ka badan (ama ha u arkin camalladaada Alle adeeca ah gallad iyo wanaag aad Allaah u galeysid ahaan).
                                                                                                      7. Oo Rabbigaa dartiis u sabra
                                                                                                      8. Marka Buunka (Qiyaame) la afuufo. (afuufidda labaad ee suurka);
                                                                                                      9. Maalintaas waxay ahaan doontaa Maalin Daran.
                                                                                                      10. Gaalada aan u fududeyn.
                                                                                                      11. Isu kaayo daa aniga iyo kaan abuuray Isagoo keli ah (oo wuxuu heystaa aan jirin qaawan: Waliid bin al-Muqiirah Al- Makhzuumi, iwm).
                                                                                                      12. Oo aan siiyey maal iyo hand badan.
                                                                                                      13. Iyo wiilal garabu ah.
                                                                                                      14. Oo aan u waasiciyey risiqa.
                                                                                                      15. Oo haddana damcaya inaan u siyaadiyo;
                                                                                                      16. Mayee, wuxuu ka hor yimid Aayadahayaga oo diiday.
                                                                                                      17. Waxaan ku kallifi (oo dhibi) doonaa inuu la la kulmo cadaab daran.
                                                                                                      18. Xaqiiqdii, waa uu fakaray, oo wax qoondeeyey;
                                                                                                      19. Ee nacaladi ha ku dhacdee! Sidee buu wax u qoondeeyey.
                                                                                                      20. Oo misna mar kale ha ku dhacdo F nacalade sidee buu wax u qoondeeyey.
                                                                                                      21. Misna waa fakaray;
                                                                                                      22. Oo wejiga ayuu kaduuday oo uruuriyey.
                                                                                                      23. Markaas buu jeesasday oo is kibriyay;
                                                                                                      24. Wuxuu yiri: “Kani (Qur’aanka) wax kale maahee waa sixir laga soo maanguuriyey dadkii hore.
                                                                                                      25. Kanu ma aha waxaan aheyn hadal Aadane.
                                                                                                      26. Waxaan galin doonaa Naarta Saqara.
                                                                                                      27. Oo Maxaa ku ogeysiiyey waxa ay tahay Naarta Saqara?
                                                                                                      28. Ma reebto (wax dambiile ah) kamana tagto (vvaxna iyadoon gubin, oo gamaadin).
                                                                                                      29. Waxay gubtaa hargaha.
                                                                                                      30. Waxaana kor jooga (ka shaqeeya) sagaal iyo toban (malaa’aig ilaalo iyo waardiyayaal Naar ahaan).
                                                                                                      31. Oo kama aannu dhigin qolada Naarta xilkeeda haysa oo ilaalada ka ah waxaan ahayn malaa’ig. oo waxaan u xaddidnay tiradooda (19 ka) oo keliya imtixaan ahaan gaalada._si ay ehlu-Kitaabku (Yuhuudda iyo Nasaarada) ay u yaqiinsadaan dhabta iyo xaqiiqda (in Qur’aanka uu yahay Xaq waayo wuxuu waafaqsan yahay wixii sax ahoo aan kutubtooda laga doorin sida tiradan 19 ka eek u xusan Towraadka iyo Injiilka) • mu’miniintuna u kororsadaan Iimaan (maadaamuu Qur’aankan yahay Xaq)_, iyo si aan wax shakiyo ah loogu reebin ehlu Kitaabka iyo mu’miniinta, iyo si ay kuwa ay qalbiyadoodu ku jirto cudur (Munaafiqnimo ah) iyo gaalada u yiraahdaan: “Muxuu Allaah uga jeedaa tusaalahan? Sidaas buu Allaah u dhumiyaa kii uu doono, oo u hanuuniyaa kii uu doono. Oo ma jir wax og ciidammada Rabbigaa Isaga maahee Oo (Naar) tani wax kale ma aha aan aheyn (digniin) u xusuusin ah dadka.
                                                                                                      32. Mayee, oo waa igu dayaxa,
                                                                                                      33. Oo waa igu habeenka marka uu tago.
                                                                                                      34. Oo waa igu subaxa marka uu caddaado.
                                                                                                      35. Xaqiiqdii, iyadu (Naarta Saqara) wax kale maahee waa mid ka mid ah balaayooyinka waaweyn.
                                                                                                      36. Waana u digniin dadka.
                                                                                                      37. Kii idinka mid ah ee doonaya inuu hormaro (ku hormaro falasho camallo wanaagsan) ama inuu ku haro gadaal (isa- goo galaya denbiyo),
                                                                                                      38. Qof walbaa wuxuu u yahay curaar (rahan) wixii uu kasbaday.
                                                                                                      39. Qolada midigta maahee.
                                                                                                      40. Beero (Jannada) gudaheed waxay iska wareysan doonaan,
                                                                                                      41. Xaalka Mujrimiinta (Mushrikiinta, gaalada, dambiilayaasha, iwm) (00 Waxay ku oran doonaan):
                                                                                                      42. “Maxaa idin galiyey Naarta Saqara?
                                                                                                      43. Waxay oran doonaan: “Kama aynu mid aheyn kuvva tukada.
                                                                                                      44. “Oo ma aannu quudin jirin masaakiinta;
                                                                                                      45. “Oo waxaan ahayn kuwo la tiimbada kuwa xumaanta tiimbada.
                                                                                                      46. Oo waxaan beenin jimay Maalinta Jaazeynta.
                                                                                                      47. Jeer ay noo timid geerida.
                                                                                                      48. Sidaa darteed waxba uma tan doonto shafeecada kuwa shafeeca.
                                                                                                      49. Ee maxaa heysta iyaga (waa gaalada) 00 ay uga jeestaan (qaadashada) waanada?
                                                                                                      50. Sida ay yihiin dameer dibadeed didday.
                                                                                                      51. Oo ka carareysa libaax.
                                                                                                      52. Mayee, Qof walba oo ka mid ahi iyaga wuxuu rabaa in la siiyo waraaqo fidsan (oo ka yimid xagga Allaah, ay ku qoran yihiin in Islaamku yahay diinta xaqa ah, oo Muxammad uu kala yimid Xaqa xagga Allaah (Rabbiga cirarka iyo dhulka lwm).
                                                                                                      53. Mayee! balse, kama cabsadaan Aakhirada (Ciqaabka Allaah).
                                                                                                      54. Mayee, xaqiiq, (Qur’aan) kani waa waano.
                                                                                                      55. Ee kii rabaa ha (akhristo) oo ha ka waano qaato.
                                                                                                      56. Oo kama ay qaadan doonaan waano in Allaah doono maahee; waa Isaga Rabbiga, mudan inay aadanahu ka baqaan, oo waa Isaga Rabbiga Dambi Dhaafka Badan.

                                                                                                      Suuradda Al-Qiyaamah (Soo Bixinta) 75

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Waxaan ku dhaartay Maalinta Qiyaamaha.
                                                                                                      2. Oo waxaan ku dhaartay nafta iska canaanata ka gaabinta Xaqa (waa nafta mu’minka).
                                                                                                      3. Ma wuxuu aadanuhu (kan gaalka ahi) moodaa inaannaan isu keeni doonin lafahiisa?.
                                                                                                      4. Mayee, Waxaan kamaa inaan sinno oo sidoodii ka yeelno farahiisa.
                                                                                                      5. Mayee! (Aadanuhu wuxuu beeniyaa soo bixinta iyo xisaabta, sidaa darteed) wuxuu rabaa inuu ku sii socda gelidda dambiyada.
                                                                                                      6. Wuxuu weydiinayaa: “Waa Goorma Maalintan Qiyaame (isagoo fogey sanaya)
                                                                                                      7. Ee marka araggu taagmo.
                                                                                                      8. Oo dayaxu madoobaado.
                                                                                                      9. Oo qorraxda iyo dayaxa la isu keeno.1
                                                                                                      10. Maalintaas Aadanuhu wuxuu oran doonaa: “Xaggee loo cararaa?”
                                                                                                      11. May! Ma jiro agab (meel la magan galo).
                                                                                                      12. Xagga Rabbigaa (Keliya) buu ahaan doonaa meesha agabka ah Maalintaa.
                                                                                                      13. Maalintaas Aadanaha waxaa looga warrami doonaa wixii uu hormarsaday (oo xuinaan ah ama samaan) iyo wixii uu uga soo tegey dib (oo samaan ah ama xumaan).
                                                                                                      14. Mayee! Aadanuhu wuxuu ku ahaan doonaa markhaati naftiisa (maadaamay xubnaha jirkiisa (oogada, gacmaha. lugaha, iwm) ay ka hadli doonaan wixii ka dhacay oo xumaan ah).
                                                                                                      15. Haba keenee cudurdaarradiisa (si uu u daboolo falakiisa xun).
                                                                                                      16. Ha dhaqaajin cairabkaaga xagga (Qur’aanka Muxammadow 48) si aad ugu dhaqsato.
                                                                                                      17. Annaga baa leh inaan ku kulminno (uririnno) laabtaada iyo inaan ku siinno adiga (Muxammadow 48 awood aad ku akhrido (Qur’aanka).’
                                                                                                      18. Ee marka aan akhrinno raac akhriskiisa.
                                                                                                      19. Annagga bayna na saaran tahay caddeyntiisa.
                                                                                                      20. Ma aha (sidaa aad mooddaan, in idinku (dadow) a an iilka la idinka soo saari doonin, oo aan la idinka jaazeyn doonin falalkiinnii). Waxaadse (idinka dadow) jeceshihiin noloshatan hadda ee adduunkan,
                                                                                                      21. Oo waxaad ka tagtaan (dayacdaan) Tan (jgp) dambe ee Aakhirada.
                                                                                                      22. Wejiyo qaar Maalintaas waxay ahaan doonaan kuwo ifaya oo nuur leh (waa wajiyada mu’miniinta).
                                                                                                      23. Iyagoo fiirinaya xagga Rabbigood (Allaah);
                                                                                                      24. Oo Wejiyo qaar, Maalintaas waxay ahaan doonaan mugdi, madow, kuduudsan, oo murugeysan). (waa wajiyada mushrikiinta, gaalada, dambiilayaasha iwm).
                                                                                                      25. Waxayna hubtaa in lagu fali doono belaayo weyn;
                                                                                                      26. Mayee, markii ay (naftu) soo gaarto kalxamaha (mergiga iyadoo sii baxeysa).
                                                                                                      27. Oo waxaa la oran doonaa: “Yaa dabiibi kara oo ka badbaadin kara dhimashada?”
                                                                                                      28. Oo isagu (qofka dhimanaya) uu xaqiiqsado inay tahay (waqtigii) tegidda.
                                                                                                      29. Oo labada dhudhun laysku maro.
                                                                                                      30. Halka laysu wado Maalintaas, waa xagga Rabbigaa (Allaah).
                                                                                                      31. Mase uu rumeyn (gaalku) xaqa mana tukanin.
                                                                                                      32. Laakiinse wuxuu beeniyey (Xaqa) oo jeesady.
                                                                                                      33. Dabadeed wuxuu aaday xagga ehelkiisa isagoo is qaad-qaadaya.
                                                                                                      34. Balaayo kugu dhacday (gaalow oo misna (mar kale) balaayo kugu dhacday.
                                                                                                      35. Misna, balaayo kugu dhacday (gaalow), oo misna (mar kale) balaayo kugu dhacday.
                                                                                                      36. Ma wuxuu Aadanuhu moodaa in looga tegi doonaa bilaash (ujeeddo la’aan)?
                                                                                                      37. Miyuusan aheyn Nudfah (tifiq biyo shahwo ah, mani) la dhibciyo?
                                                                                                      38. Markaas noqotay xinjir, oo (Allaah) abuuray oo qaab wanaagsan u yeelay.
                                                                                                      39. Oo ka dhigay lammaan, lab iyo dheddig.
                                                                                                      40. Miyuusan (Allaah ee fala sidaa), awoodin inuu soo nooleeyo maytida?

                                                                                                      *Abuu Hurarya a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w. yiri: Maalinta Qiyaamaha qorraxda iyo dayaxa waa loo duubduubi doonaa oo la ileys tin doonaa. (Al-Bukhaari)

                                                                                                      Suuradda Al-Insaan ama Ad-Dahar (Aadanaha ama Waayaha) 76

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Miyuunan soo marin Aadanaha waqti waayaha ka mid ah isagoo aan aheyn wax la sheego?
                                                                                                      2. Waxaan Annagu ka abuumay Aadanaha Nudfah (tifiq biyo shahwo ah, mani), si aynu u imtixaanno, waxaana ka yeellay mid wax maqla oo wax arka.
                                                                                                      3. Waxaan tusnay jidka, haddii uu noqonayo shukriye, ama jazaaar
                                                                                                      4. Waxaan Annagu u diyaannnay gaalada silsilado, dawanno, iyo dab ololaya.
                                                                                                      5. Xaqiiqdii, kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi doonaan galaas (khamro xalaal) ah oo lagu dheehay biyo ka yimaada il Jannada gudaheeda ah oo la yiraahdo Kaafuur.
                                                                                                      6. Il ay ka cabbi doonaan addoomaha Ilaahay oo ay burqin doonaan burqin.
                                                                                                      7. Waxay (addoomahaa baarriga ah) oofiyaan nidarradooda, oo waxay ka baqaan Maalin sharkeedu fidayo.
                                                                                                      8. Oo waxay quudiyaan iyagoo jecel (ama jaceyl ay Allaah u qabaan darti) miskiinka iyo agoonka iyo maxbuuska.
                                                                                                      9. (iyagoo laabta ka leh) Waxaan idiin quudinnaa Allaah Darti. Mana idinka dooneyno abaal gud iyo mahadnaq midna.
                                                                                                      10. Waxaan ka cabsanaynaa Rabbigayo. Maalin wejigu doorsamayo oo daran.
                                                                                                      11. Markaasuu Allaah ka samata bixiyey sharka Maalintaas, oo siiyey nuur iyo farxad.
                                                                                                      12. Wuxuuna ku abaal mariyey sabarkoodii dartiis Janno iyo maryo xariir ah.
                                                                                                      13. Iyagoo ku dangiigsan sariiro korreeya korkooda, iyagoo aan ku arkeyn dhexdeeda kuleylka qorraxda iyo dhaxan midna.
                                                                                                      14. Oo waxaa u dhow Hooska Jannada waxaana loo soo raaricin doonaa miraheeda iyagoo ah meel ay ka gaaraan oo soo qabo ah.
                                                                                                      15. Waxaana lagula wareegi doonaa weelal qalin ah iyo koobab quraarado ah.
                                                                                                      16. quraarado saafi ah laga sameeyey qalin, oo si fiican u qiyaasan.
                                                                                                      17. Oo waxaa laga waraabin doonaa galaas (khamro xalaal ah) sharaab macaan oo lagu dheehay Sanjabiil,
                                                                                                      18. Il halkaa ku taal, la yiraahdo Salsabiil.
                                                                                                      19. Waxaana u adeegi doona wiilal da’ yar ah aan gaboobin. Haddi aad aragto, waxaad moodeysaa luul la flrdhiyey.
                                                                                                      20. Oo marka aad aragto halkaa (Jannada gudaheeda) waxaad arki doontaa barwaaqo (aan la suureysan karin) iyo mulki weyn.
                                                                                                      21. Dharkoodu waa xariir jilicsan oo cagaaran iyo xariir adag. Oo waxa lagu qurxin doonaa jin-jimo qalin ah oo Rabbigood wuxuu ka waraabin doonaa sharaab daahir ah.
                                                                                                      22. (Oo waxaa lagu oran doonaa): Tani waa abaalgud iyo ajar aad leedihiin, oo dadaalkiiniina waa mid la mahdiyey.
                                                                                                      23. Xaqiiqdii! Waa Annaga Kuwa kugu soo dejiney Qur’aanka adiga Muxamma- dow si heerar ah.
                                                                                                      24. Ee ku sabar (Muxammadow M) Xukunka Rabbigaa, oo ha adeecin dambiile iyo gaal midna ka mid ah.
                                                                                                      25. Oo xus Magaca Rabbigaa subax iyo galabba (taasi waa amrid oogidda salaa- daha Subax, Duhur, iyo Casar).
                                                                                                      26. Oo inta habeennimada ah, u sujuud (taasina waa amrid gudashada salaadaha Maqrib iyo Cisho), oo u tasbiixso (tuko) in badan oo habeenka ah (Salaatu leylka).
                                                                                                      27. Xaqiiqdii! Kuwakanu (gaaladu) waxay jecel yihiin noloshatan adduunka, oo waxaya mariyaan gadaashooda (oo dan u gelin), Maalin cuius (Qiyaamada).
                                                                                                      28. Waa Annaga Kuwa abuuray dadka, oo adkaynnay xubnaha iyo seedahooda (hab dhiskooda jireed), oo haddii aan doonno Waxaan ku beddeli kamaa kuwo kale oo la mid ah beddelid dhan.
                                                                                                      29. Xaqiiqdii! (Aayadahan Qur’aanka) vvaa dersin (vvaano), ee kii doonaa, ha u samaysto jid xagga Rabbigi (Allaah).
                                                                                                      30. Waxna ma dooni kartaan, in Allaah doono maahee, Xaqiiqdii! Allaah waa wax walba Oge, Xikmad Badan.
                                                                                                      31. Wuxuu geliyaa Naxariistiisa kii uu doono, Daalimiintana (mushrikiinta, gaalada, dambiilayaasha, iwm) Wuxuu u diyaariyey cadaab xanuun badan.

                                                                                                      Suuradda Al-Mursalaat (Lasoo-Dirayaasha) 77

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Waa igu dabeylaha (lala soo diro wanaagga araa malaa’igta, ama Rususha Ilaahay) ee la soo diro iyagoo is daba joog ah.
                                                                                                      2. Oo waa igu dabaylaha u kaca sida daran.
                                                                                                      3. Oo waa igu dabeylaha kiciya daruuraha roobka keena;
                                                                                                      4. Oo waa igu Aayadaha (Qur’aanka) ee kala saara Xaqa iyo Baadilka.
                                                                                                      5. Oo waa igu malaa’igta u keenta waxyiea Rususha.
                                                                                                      6. Si loo gooyo cudur daarashooyin 00 dhan, ama si loo digo;
                                                                                                      7. Hubaashii, waxa la idiin yaboohay waa wax dhici doona.
                                                                                                      8. Ee marka xiddiguhu beelaan nuurkooda;
                                                                                                      9. Oo cirka u kala dhambatmo gaballo,1
                                                                                                      10. Oo buuraha la rujiyo.
                                                                                                      11. Oo Rusushii loo soo kulmiyo waqtigii loo qabtay.
                                                                                                      12. Maalintee baa calaamooyinkaa loo dib dhigay?
                                                                                                      13. (Waxaa loo dib dhigay) Maalinta kala saaridda (ee laga soocayo ehlu jannada, ehlu naarka).
                                                                                                      14. Oo maxaa kuu ogeysiiyey Maalinta kala saariddu?
                                                                                                      15. Hoog Maalintaas waxaa leh kuwa xaqa beeniyey.
                                                                                                      16. Miyaannaan halaagin kuwii (ummadahii) hore?
                                                                                                      17. Misna waxaan raacin doonnaa kuwa (facyada) dambe.
                                                                                                      18. Sidaas oo kale baan u galnaa Mujrimiinta (mushrikiinta, gaalada, denbiilayaasha, iwm).
                                                                                                      19. Hoog Maalintaas waxaa leh kuwa xaqa beeniyey.
                                                                                                      20. Miyaannaan idinka abuurin biyo liita?
                                                                                                      21. Markaasna yeelnay meel aamin ah gudaheed (rixim).
                                                                                                      22. Ilaa muddo la yaqaan,
                                                                                                      23. Sidaa baan wax u qaddamay oo Annagaa u fiican kuwo wax qaddara.
                                                                                                      24. Hoog Maalintaas waxaa leh kuwa xaqa beeniyey.
                                                                                                      25. Miyaannaan ka dhigin dhulka mid qaada?
                                                                                                      26. Kuwa nool iyo kuwa mowtanba.
                                                                                                      27. Oo ka yeelin dhulka dhexdiisa buuro m oo dhaadheer, oo aan idinka waraabinnin biyo macaan?
                                                                                                      28. Hoog Maalintaas waxaa leh kuwa xaqa beeniyey.
                                                                                                      29. (Waxaa lagu oran doonaa gaalada) Aada wixii aad beenin jirteen.
                                                                                                      30. Aada hoos (qiiqa Naarta ah) oo seddex madax leh.
                                                                                                      31. Oo aan harsi laheyn, oo a an wax ka tari karin ololka (kuleylka) Naarta.
                                                                                                      32. Waxayna (Naartu) tuureysaa dhimbilo daran oo daar oo kale ah.
                                                                                                      33. Ama aad mooddo awr aydin ah.
                                                                                                      34. Hoog Maalintaas waxaa leh kuwa xaqa beeniyey.
                                                                                                      35. Taasi waa Maalin aysan hadli doonin dadku.
                                                                                                      36. Loomana idmi doono si ay u cudurdaartaan.
                                                                                                      37. Hoog Maalintaas waxaa leh kuwa xaqa beeniyey.
                                                                                                      38. Tani waa Maalintii kala Baxa. Waana idin soo kulminnay idinka iyo kuwii horreeyeyba.
                                                                                                      39. Ee haddii aad wax dhagri kartaan, Aniga i dhagra.
                                                                                                      40. Hoog Maalintaas waxaa leh kuwa xaqa beeniyey.
                                                                                                      41. Xaqiiq, kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan hoosas iyo ilo.
                                                                                                      42. Iyo faakihooy in wixii ay doonaan ah.
                                                                                                      43. (Waxaa lagu oran doonaa): “Cuna oo eabba si raaxo leh waa wixii aad carnal suubban fali jirteene.
                                                                                                      44. Sidaas oo kale baan Annagu ku abaal marinnaa sama falayaasha.
                                                                                                      45. Hoog Maalintaas waxaa leh kuwa xaqa beeniyey.
                                                                                                      46. (Gaalada waxaa lagu oranayaa): Cuna oo raaxeysta in yar (nolo shat an adduunka). Xaqiiqdii, waa idinka Mujrimiinta (mushrikiinta, gaalada, denbiilayaasha).
                                                                                                      47. Hoog Maalintaas waxaa leh kuwa xaqa beeniyey.
                                                                                                      48. Oo marka lagu yiraahdo: “Tukada” ma ay tukadaan (ama marka lagu yiraahdo u hoggaansama Allaah uma hoggaansamaan)1
                                                                                                      49. Hoog Maalintaas waxaa leh kuwa xaqa beeniyey.
                                                                                                      50. Ee hadalkee bay kan (Qur’aanka) kaddib rumeynayaan?

                                                                                                      *Anas bin Maalik a.k.r. waxaa Iaga soo weriyey inuu yiri: Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yiri: Waxaa la I amray inaan la diriro dadka jeer ay yiraahdaan: Laa ilaaha illal Laah. Haddii ay yiraahdaan, oo tukadaan salaaddayada oo kale, oo u jeestaan qibladdayada oo sidayada oo kale wax u gowracaan, waxaan naga xaaraan ah dhiiggooda iyo maalkooda in dambi ay galeen laga goynayo maahee si shareecada wanaafqsan, xisaabtooduna waxay saaran tahay Alle.(Bukhaari) Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Rasuulkii Alle s.c.w. yiri: Haddii ay dadku ogaan lahaayeen ajarka ku sugan Aadaanka, iyo istaagidda safka hore (salaadda jamaacada) oo ay helin dariiq kale aan aheyn inay u qori tuurtaan, waa ay u qori tuuran lahaayeen, haddiina ay ogaan lahaayeen ajarka salaadda Duhur (waqtigeeda hore) waa ay u tartami lahaayeen (qofka hor tegi) haddiina ay ogaan lahaayeen ajarka ku jira salaadaha Cishaha iyo Subaxa jamaaco ahaan, waa ay imaan lahaayeen inay tukadaan kolay ku yimaadaan gurguurasho.(Bukhaari)

                                                                                                      Suuradda An-Naba (Warka Weyn) 78

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Maxay isweydiinayaan?
                                                                                                      2. Ma waxa ku saabsan Warka Weyn (Qur’aanka, Maalinta Qiyaamaha, iwm).
                                                                                                      3. Oo ay isku khilaafsan yihiin.
                                                                                                      4. Mayee, waa ogaan doonaan.
                                                                                                      5. Misna, mayee waa ogaan doonaan.
                                                                                                      6. Mawaannaan ka dhigin dhulka gogol?
                                                                                                      7. Buurahana tiirar?
                                                                                                      8. Oo idinka abuurin lammaan?
                                                                                                      9. oo ka yeelin hurdadiinna nasiino?
                                                                                                      10. Oo ka dhigin habeenka hu’ (mugdigiisa idinku daboola)?
                                                                                                      11. oo ka yeelin maalinta macaash doonasho?
                                                                                                      12. oo aan ka dhisin korkiinna toddobo [samo] oo adag
                                                                                                      13. oo ka yelin dhexdooda nal ifaya [qorraxda]
                                                                                                      14. oo waxaan ka soo dejinnay daruuraha biyo badan
                                                                                                      15. si aan ugu soo saarno miro iyo naq
                                                                                                      16. iyo beero isku maran
                                                                                                      17. xaqiiqdii, Maalinta kala-baxu waa madal [waqti la isu qabtay]
                                                                                                      18. Maalinta marka Buunka la afuufi doono, oo aad imaan doontaan idinkoo kooxo ah;
                                                                                                      19. Cirkana waa la furi doonaa, oo waxay yeelan albaabbo.
                                                                                                      20. Oo waxaa laga socodsiin doonaa buuraha meelaboodii oo waxay ahaan doonaan sida wir-wir.
                                                                                                      21. Xaqiiq, Naaitu waa cimil ku jireen,
                                                                                                      22. Meel hoyaad u ah xad gudbayaasha.
                                                                                                      23. Waxay ku waari doonaan gudaheeda waayo badan,
                                                                                                      24. Ma ku dhadhamin doonaan dhexdeeda wax qabow ah iyo cabbitaan midna.
                                                                                                      25. Biyo kulul oo karaya iyo malax maahee (dhacaanka ehlu Naarka).
                                                                                                      26. Waa jaaseyn u dhiganta camalkoodii.
                                                                                                      27. Waxay ahaayeen kuwo aan rajeyn xisaab (aakhiro).
                                                                                                      28. Oo waxay beeniyeen Aayadahayaga beenin dhan.
                                                                                                      29. Oo wax walba Waxaan ku koobnay Kitaab (Looxa Maxfuudka).
                                                                                                      30. Ee Dhadhamiya idinku (mirihii xumaan faliddiinii); idiinma kordhin doonno waxaan ahayn Cadaab.
                                                                                                      31. Xaqiiq, kuwa ka dhowrsada xumaba waxay leeyihiin meel liibaaneed (Janno).
                                                                                                      32. Beero iyo canabyo.
                                                                                                      33. Iyo naasa taagnooyin isku da1 ah.
                                                                                                      34. Iyo galaas buuxa (oo khamri ah).
                                                                                                      35. Ma jiro Laqwi (af lagaaddo, been, hadal aan macno laheyn) ay ku maqli doonaan dhexdeeda iyo been sheegid midna.
                                                                                                      36. Waa abaal marin xagga Rabbigaa, deeq ku filan oo daa’in ah 1
                                                                                                      37.  (oo ah Xagga) Rabbiga cirarka iyo dhulka, iyo waxa u dhexeeya, Raxmaanka, ma jiro wax ku soo celn kara hadal (Maalinta Qiyaamaha).
                                                                                                      38. Maalinta uu Ruuxu (Jabriil) iyo malaa’igtu u istaagi doonaan saf saf, cidna kuma dhici karto may la hadasho Isaga, mid maahee Raxmaanku (Allaah) u idmo, oo ku hadla hadal xaq ah.
                                                                                                      39. Taasu shaki la’aan waa Maalin Xaq ah, ee kii doonaa, ha ka sameysto meel uu ku noqdo (ama jid xagga) Rabbigi (isagoo ku adeecaya (Allaah) noloshan adduunka).
                                                                                                      40. Waxaannu Annagu idiinka digaynaa cadaab dhow; Maalinta uu qofku arki doono waxa (yacni camalladii) ay gacmihiisu horay u geysteen, oo gaalku oran doono: “Magcay ba’ye! maan cud noqdo.”

                                                                                                      Suuradda An-Naazicaat (Kuwa Wax Soo Siiba) 79

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Waa igu kuwaa (malaa’igta) ee u siiba (nafaha gaalada iyo dambiilayaasha) si daran.
                                                                                                      2. Oo waa igu kuwaa (malaa’igta) sida fudud u qaadda (nafaha mu’miniinta).
                                                                                                      3. Oo waa igu kuwaa hawada dabaasha (waa malaa’igta ama xiddigaha ku dabaasha garangarahooda, iwm).
                                                                                                      4. Oo waa igu kuwaa u orotama sida inay ku jiraan tartan (waa malaa’igta ama xiddigaha ama fardaha, iwm)
                                                                                                      5. Oo waa igu malaa’igtaa maamula fulinta Amarrada Rabbigood, (in idinku gaalooy la idiinku yeeri doonaa xisaab).
                                                                                                      6. Maalinta (marka afuufidda koowaad ee Buunka( la afuufo), (dhulka iyo buuruhu waxay u gilgilan doonaan si daran (oo qof walbaa waa dhiman doonaa)
                                                                                                      7. Afuufidda labaad ee suurka (buunka) ay raaceyso (oo qof walbaa waa la soo bixin doonaa),
                                                                                                      8. Qalbiyo (qaar) Maalintaas waxay la gariiri doonaan cabsi iyo naxdin.
                                                                                                      9. Indhahoodu rogan yihiin.
                                                                                                      10. Waxay oran doonaan: “Ma waxaa dhabtii naloo soo celin doonaa xaaladdayadii hore ee nolosha?
                                                                                                      11.  “Ma maikii aan noqonno lafo bololay?”
                                                                                                      12. Waxay yiraahdeen: “Taasi waa noqosho khasaaro leh!”
                                                                                                      13. Waa uun hal Qeylo keliya.
                                                                                                      14. Mise waxayba joogaan dhulka korkiisa iyagoo nool geeri dabadeed.
                                                                                                      15. Ma ku soo gaaray warkii Muusaa?
                                                                                                      16. Markii uu Rabbigi uga dhawaaqay togga barakeysan ee Duwaa.
                                                                                                      17. (Oo ku yiri): U tag Fircoon, waa xadgudbaye.
                                                                                                      18. Oo Ku dheh: “Ma rabtaa inaad daahir noqotid.
                                                                                                      19. Oo aan kugu hanuuniyo xagga Rabbigaa, kana baqdo?
                                                                                                      20. Wuxuuna tusiyey Calaamad Weyn.
                                                                                                      21. Markaasuu beeniyey oo caasiyey.
                                                                                                      22. Oo jeesaday isagoo xumaan la socda.
                                                                                                      23. Wuxuuna soo kulmiyey (askartiisii), oo kor u dhawaaqay.
                                                                                                      24. Isagoo Ieh: “Waa Aniga Rabbigiin sare.
                                                                                                      25. Markaasuu Allaah ciqaabay adduun iyo Aakhiroba.
                                                                                                      26. Xaqiiqdii, tani waxaa ugu sugan cashar kii ka cabsanaya Allaah.
                                                                                                      27. “Ma idinka baa abuurid adag, mise cirka uu dhisay?
                                                                                                      28. Wuxuu kor u qaaday jurmigiisa, oo is le’ekeeyey.
                                                                                                      29. Oo habeenkeeda madoobeeyey, oo soo bixiyey (iftiimiyey) maalinteeda.
                                                                                                      30. Dhulkana markaas kaddib fidiyey;
                                                                                                      31. Oo ka soo saaray baadkiisa;
                                                                                                      32. Oo buuraha dhidbay;
                                                                                                      33. Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolahiinnuba.
                                                                                                      34. Markiise ay timaaddo balaayada weyni. (Waa Maalinta Qiyaamaha, iwm)
                                                                                                      35. Maalinta uu Aadanahu xusuusan doono wixii uu falay.
                                                                                                      36. Oo Naarta loo muujiyo qof (waliba) oo arkayo,
                                                                                                      37. Marka qofkii xadguba
                                                                                                      38. oo door bida nolosha adduunkan.
                                                                                                      39. Xaqiiqdii, waa Naar hoygiisu.
                                                                                                      40. Kiise ka cabsada hor istaagga Rabbigi, oo ka reeba naftiisa hawadaxun.
                                                                                                      41. Xaqiiqdii waa Jannada hoygiisu.
                                                                                                      42. Waxay wax kaa weydiinayaan (Muxammadow $&;) Saacadda, _ waa goorma waqtigeeda la qabtay?
                                                                                                      43. Maxaa ku ogeysiiyey waqtigeeda?
                                                                                                      44. Xagga Rabbigaa buu jiraa (cilmiga) muddadeeda.
                                                                                                      45. Waxaad (Muxammadow jg) u tahay oo keliya dige kuwa ka cabsada.
                                                                                                      46. Waxay ahaan doontaa Maalinta ay arkaan (Qiyaamaha), sida inaysan ku negaaadin (adduunkan) waxaan ahayn galab ama subax.

                                                                                                      Suuradda Cabasa (Wejiga Ayuu Kaduuday) 80

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Wejiga ayuu kaduuday oo jeesaday.
                                                                                                      2. Inuu halkaa ugu yimid indhoolihii darteed [Cabdullaah bin Umm Maktuum, kaasoo u yimid Nabiga isagoo diinta ugu yeerayey mid ama qaar ka mid ah duqeydii Qureysh].
                                                                                                      3. Miyaadse ogtahay waa intaasoo uu hanuunooo daahir noqdo.
                                                                                                      4. Ama waansamo, oo waanadu wax tarto
                                                                                                      5. Ma kan mooda inuu isku filan yahay oo maanna baad.
                                                                                                      6. Adigu laab raaceysaa,
                                                                                                      7. oo maxaa kaa saaran haddii uusan hanuunin
                                                                                                      8. Xaggase kan kuu yimid isagoo socda.
                                                                                                      9. Oo ka cabsanaya (Allaah)
                                                                                                      10. Miyaad adigu ka mashquuleysaa
                                                                                                      11. Mayee, (ha yeelin sidaa oo kale), xaqiiqdii (Aayadaha Qur’aankani) waa waano
                                                                                                      12. Ee qofkii doona ha ku waano qaata.
                                                                                                      13. [Wuxuu Qur’aanku ku] yaal waraaqo loogu hayo [si weyn] sharaf [al-Lowxul Maxfuud]
                                                                                                      14. oo kor ah (sharaf ahaan), lana dahiray
                                                                                                      15. ku jira gacanta qorayaal (malaa’ig)  
                                                                                                      16. Sharaf leh oo baarriyaal ah
                                                                                                      17. Nacaladi ha ku dhacdo qofka (gaalka ahi)! Muxuu jazaar yahay!
                                                                                                      18. Bal maxaa laga abuuray?
                                                                                                      19. Nudfah (biyo shahwo, mani) buu ka abuuray, oo u yeelay qaab wanaagsan.
                                                                                                      20. Wuxuu misna uga dhigay Jidka sahal;
                                                                                                      21. Wuxuu misna sababay inuu dhinto, oo qabri ku asturay;
                                                                                                      22. Markii uu doonona waa uu soo bixin (mar kale).
                                                                                                      23. Mayee, (aadanaha) ma uusan falin wixii uu (Allaah) amray.
                                                                                                      24. Ee qofku ha fiiriyo cuntadiisa.
                                                                                                      25. Annaga baa soo shubna biyaha iyagoo badan,
                                                                                                      26. Waxaan markaas u jeexnaa dhulka gaballo,
                                                                                                      27. Oo waxaan sababnaa dhexdiisa inay ka soo baxaan miro,
                                                                                                      28. Iyo cinab iyo naq.
                                                                                                      29. Iyo saytuun iyo timir.
                                                                                                      30. Iyo beero tanaad ah.
                                                                                                      31. Iyo faakiho iyo daaq.
                                                                                                      32. Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolihiinnu.
                                                                                                      33. Ee marka ay timaaddo As-Saakhah (Afuufidda, labaad ee Buunka Maalinta Qiyaamaha).
                                                                                                      34. Maalintaa buu qofku wuxuu ka carari doonaa walaalki,
                                                                                                      35. Iyo hooyadi iyo aabbihi.
                                                                                                      36. Iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa,
                                                                                                      37. Qof walba, Maalintaas, waxaa shuqlin xaalkiisa.
                                                                                                      38. Wejiyo Malintaas waa kuwo nuuraya.
                                                                                                      39. Oo qoslaya oo bishaareysan.
                                                                                                      40. Wejiyona Maalintaas waa kuwo booreysan;
                                                                                                      41. Waxaa daboolaya Madow iyo murugo.
                                                                                                      42. Kuwaasi waa gaalada Faajiriinta ah.

                                                                                                      Suuradda At-Takwiir (Duubid iyo Beelin Nuurkeeda) 81

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan

                                                                                                      1. Marka qorraxdu la duubo, oo madoobaato, lana xooro Qiyaamada).
                                                                                                      2. Oo xiddiguhu soo daataan.
                                                                                                      3. Oo buuraha la socodsiiyo.
                                                                                                      4. Oo hasha toban siddada ah la dayaco;
                                                                                                      5. Oo duur joogta la kulmiyo (qisaas).
                                                                                                      6. Oo baduhu noqdaan dab ololaya oo kale ama soo butaacaan;
                                                                                                      7. Oo naf walbaa lagu lammaaniyo jirkeedii;
                                                                                                      8. Oo (ilmahii) dheddigta ahaa ee nolosha lagu xabaalay (sidii ay mushrikiinta Carbeed yeeli jireen) la isweydiiyo,
                                                                                                      9. Denbigee baa loo dilay?
                                                                                                      10. Oo waraaqaha qoran ee camallada qof kasta la furo.
                                                                                                      11. Oo cirka laga rujiyo meeshiisa,
                                                                                                      12. Oo Naarta la huriyo.
                                                                                                      13. Oo Jannada la soo dhoweeyo.
                                                                                                      14.  (Markaa) naf walbaa waxay ogaan waxay carnal fashay.
                                                                                                      15. Ee Waxaan ku dhaaitay xiddigaha gabbada (macnaha waa qarsooma inta maalinta ah, soo baxa (muuqda) saacadaha habeenka).
                                                                                                      16. Oo waa igu xiddigaha ku socda orodka badan oo dhuumatooyinka ah.
                                                                                                      17. Oo waa igu habeenka marka uu tago.
                                                                                                      18. Oo waa igu subaxa marka uu iftiimo.
                                                                                                      19. Kani waa hadalka (yacni Qur’aankan waxaa keenay) Rasuul sharaf badan (Jabriil oo ka keenay xagga Allaah isagoo soo gaarsiiyey Muxamma
                                                                                                      20. (Jabriil oo) awood iyo meeqaan sare ku leh (Allaah) agtiis, Rabbiga Carshiga,
                                                                                                      21. Oo ay adeecsan yihiin (malaa’igta kale), lagagana kalsoon yahay halkaa (samooyinka gudahooda).
                                                                                                      22. Ee (dadow) Saaxiibkiin (Muxammad) ma aha ku waalan.1
                                                                                                      23. Oo wuxuu (Muxammad dhabtii ku arkay isaga (waa Jabriil) jihadii caddeyd (bariga Makka)
                                                                                                      24. Oo (Muxammad jH) ma reebto cilmi ku saabsan Ghaybka (qarsoon aan muuqan).
                                                                                                      25. Oo ma aha (Qur’aanku) hadalka Shaydaanka la ceyrshay.
                                                                                                      26. Ee xaggee baad aadeysaan?
                                                                                                      27. Kani (Qur’aanka) ma aha waxaan aheyn Waano ku socota uumanka.1
                                                                                                      28. Kii idinka mid! ah. oo doonaya inuu toosnaado.
                                                                                                      29. Oo wax ma dooni kartaan, in maahee (ay tahay): wax uu Allaah doonayo, Rabbiga uumanka.

                                                                                                      Al-Infidaar (Dillaacidda) 82

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxaiiista Badan

                                                                                                      1. Marka cirku uu u kala dhanbalmo gaballo
                                                                                                      2. Oo xiddiguhu soo daataan.
                                                                                                      3. Oo badaha la qarxiyo (oo engagaan ama laysku furo).
                                                                                                      4. Oo qabuuraha la soo qufo (oo u soo saaraan debedda waxa ku jira).
                                                                                                      5. (Markaa) buu qofi ogaan doonaa wixii uu hormarsaday, iyo (wixii uu) dib marsaday (oo samaan ama xumaan ah
                                                                                                      6. Aadanow! Maxaa kaa jeediyey Rabbigaaga, Roonaanta Badan?
                                                                                                      7. Ee ku abuuray, kuna ekeeyey oo kuu simay si wanaagsan.
                                                                                                      8. Oo suurad tii uu doonay kaa rakibay.
                                                                                                      9. Mayee bal waxaad beenisaan Jaazeynta
                                                                                                      10. Oo Waxaa Korkiinna ah (malaa’ig u xil saaran Aadanaha) si ay idiin ilaaliyaan.1
                                                                                                      11. Sharaf leh, oo qoreysa (camalladiinna),
                                                                                                      12. Oo ogsoon waxa aad falaysaan.
                                                                                                      13. Xaqiiqdii waxay baamyadu ahaan doonaan barwaaqo gudaheed (Janno).
                                                                                                      14. Oo waxay faajiriintu (mushrikiinta, gaalada, denbiilayaasha, iwm) ahaan doonaan dab ololaya gudahi (Naar),
                                                                                                      15. Oo ay ku guban doonaan Maalinta Jaazeynta (Is abaal mannta)
                                                                                                      16. Oo ma ahaan doonaan kuwo ka maqan xaggeeda (Naarta).
                                                                                                      17. Oo maxaad ka og tahay waxa ay Maalinta Jaaseyntu tahay?
                                                                                                      18. Misna maxaa ka og tahay waxay ay Maalinta Jaascyntu tahay?
                                                                                                      19. Waa Maalinta uusan qofna wax u tan karin qof kale. Amarkana Maalintaas waxaa iskaleh Allaah.

                                                                                                      Suuradda Al-Mudaffifiin (Kuwa Dhima Beegga) 83

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan

                                                                                                      1. Hoog waxaa leh Al-Mutaffifiin (Kuwa dhima beegga iyo miisanka oo duudsiya dadka xuquuqdooda).
                                                                                                      2. Waa kuwa marka ay miisaamanayaan oofsada beegga.
                                                                                                      3. Oo marka ay u wax miisamayaan dadka dhima beegga oo ka nuqsaamiya
                                                                                                      4. Mawaysan kuwaasu qabin in loo soo bixin doono (si loo xisaabiyo).
                                                                                                      5. Maalin weyn [Qiyaamaha]
                                                                                                      6. Maalinta ay dadkoo dhammi soo hor istaagi doonaan Rabbiga uumanka.
                                                                                                      7. Mayee! Xaqiiqdii, Kitaabka (camallada) Faajiriinta (mushrikiinta, gaalada, dambiilayaasha, iwm) wuxuu ku (xafidan yahay) Sijiin.
                                                                                                      8. Oo maxaa ka og tahay waxauu Sijiinku yahay?
                                                                                                      9. Waa kitaab calaamadeysan.
                                                                                                      10. Hoog, Maalintaas waxaa leh kuwa xaqa beeniya.
                                                                                                      11. ee ah Kuwa beeniya Maalinta Jaazeynta
                                                                                                      12. Oo ma beeniyo mid aan aheyn xad- gudbe, dambiile ah.
                                                                                                      13. Marka loo akhriyo Aayadahayaga (Qur’aanka) yiraahda. “Waa shcckooyinkii dadkii hore.
                                                                                                      14. Mayee’ bal waxaa qalbiyadooda madoobccyey wixii ay kasban jireen oo in macaasi ah 1
                                                                                                      15. Mayee, waxaa hubaashii laga xijaabi doonaa (mushrikiinta, gaalada, dambiilayaasha, iwm) arkidda Rabbigood Maalintaas.
                                                                                                      16. Waxayna gali doonaan Naarta hurka badan.
                                                                                                      17. Waxaana lagu oran doonaa: “Waxakanu waa wixii aad beenin jirteen.”
                                                                                                      18. Mayee, xaqiiqdn, Kitaabka (camallada) baaniyiintu wuxuu ku (xafidan yahay) Cilliyyuun.
                                                                                                      19. Oo maxaad ka og tahay waxa uu Cilliyuunku yahay?
                                                                                                      20. Waa kitaaab calaamadeysan.
                                                                                                      21. Ay gacanta ku hay aan kuwa u dhow (Allaah waa malaa’igta).
                                                                                                      22. Waxay xaqiiqdii baarriyiinta ahaan doonaan barwaaqo (Janno) gudaheed.
                                                                                                      23. Sariiro boqoreed korkood, iyagoo ka eegaya (wax waliba).
                                                                                                      24. Waxaad ka garan doontaa wejiyadooda dhalaalka barwaaqada.
                                                                                                      25. Waxaa laga waraabin doonaa khamri saafi ah 00 abburan
                                                                                                      26. Oo inteeda dambe (khamradaa), ahaan doonta udugga Miskiga, ee tani ha u tartameen tart am ay aashu
                                                                                                      27. Waxaana lagu dheehi doonaa (Tasniim).
                                                                                                      28. Waa il ay ka cabbaan kuwa Allaah u dhow.
                                                                                                      29. Xaqiiqdii! (Waayihii nolosha addunka) kuwii dambaabay waxay ahaan jireen kuwo ku qoslo kuwa (Xaqa) rumeeyey.
                                                                                                      30. Oo haddii ay soo ag maraanna waa isu il-jabin jireen (jees jees ahaan).
                                                                                                      31. Oo marka ay u laabtaan ehelkoodii waxay laaban jireen iyagoo ku maaweeleysanaya,
                                                                                                      32. Oo marka ay arkaan, waxay oran jireen: “Xaqiiqdii! Kuwakanu waa dhunsan yihiin.”
                                                                                                      33. Loomase dirin (mushrikiinta, gaalada, denbiilayaasha, iwm) ilaaliyeyaal ahaan korkooda (mu’miniinta).
                                                                                                      34. Maalintan (Maalinta Qiyaame) kuwii (Xaqa) rumeeyey waxay ku qosli doonaan gaalada.1
                                                                                                      35. Sariiro boqoreed (sare) korkood, iyagoo ka eegaya (wax waliba).
                                                                                                      36. Ma waanan laga goyn gaalada wixii ay -f i-^ fah jireen?

                                                                                                      Suuradda Al-Inshiqaaq (u-kala-Dhanbalmanka Cirka Gaballo) 84

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Markii ay samadu jeex-jeexanto.
                                                                                                      2. Oo adeecdo Rabbigeed, waana Xaq adeeciddiisu;
                                                                                                      3. Oo marka dhulka la fidiyo,
                                                                                                      4. Oo u soo tuuro debedda wixii ku jiray gudahiisa oo ka mamaado,
                                                                                                      5. Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana Xaq adeeciddiisu.
                                                                                                      6. Aadanow! Waxaad u dhibtoon oo aad u carnal faleysaa xagga Rabbigaa dhibtood, marka waad la kulmi doontaa (natiijooyinka camalladii aad fashay).
                                                                                                      7. Xagga kan lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig,
                                                                                                      8. Waxaa la xisaabin doonaa xisaab fudud.
                                                                                                      9. Oo u laaban doonaa reerkiisa isagoo faraxsan.
                                                                                                      10. Qolkiise laga siiyo Kitaabkiisa dhabarkiisa gadaashiisa,
                                                                                                      11. Wuxuu uyeeran doonaa hoog.
                                                                                                      12. Oo geli doonaa naar ololeysa.
                                                                                                      13. Wuxuu ahaa mid Ehelkiisa dhexdooda kibirsan.
                                                                                                      14. Wuxuu moodayey inuusan mamaba u soo noqoneyn xaggayaga.
                                                                                                      15. Mayee, Xaqiiqdii, Rabbigiis baa u jeeday.\
                                                                                                      16. Ee Waxaan ku dhaartay cir gaduudda gabbal dhac;
                                                                                                      17. Oo waa igu habeenka iyo wax kasta uu ku daboolo mugdigiisa;
                                                                                                      18. Oo waa igu dayaxa marka uu buuxsamo.
                                                                                                      19. Waxaad hubaashii mari doontaan heerar kala duwan (noloshan iyo Aakhiradaba).
                                                                                                      20. Ee muxuu arrinkoodu yahay, oo ay u rumeyn waayeen.?
                                                                                                      21. Oo marka loo akhriyo Qur’aanka ula dhici waayeen sujuud.
                                                                                                      22. Mayee, kuwa gaalooba waxay beeniyaan xaqa 1
                                                                                                      23. Oo Allaah waa og yahay waxa ay dhitaystaan (oo camallo san iyo kuwo xunba ah).
                                                                                                      24. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan.
                                                                                                      25. Hase ahaatee kuwa (xaqa) rumeeyey oo falay camallo wanaagsan oo suubban waxay leeyihiin ajar a an marnaba go’i doonin (waa Jannada).

                                                                                                      Suuradda Al-Buruuj (Xiddigaha Waaweyn) 85

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan

                                                                                                      1. Waa igu cirka leh xiddigaha waaweyn (iyo rugaha xiddigaha ay maraan).
                                                                                                      2. Oo waa igu Maalinta laysu yaboohay (Maalinta Qiyaamaha).
                                                                                                      3. Oo waa igu Maalinta fureysa markhaatiga (Maalinta Jumcaha) iyo maalinta la shaahido (Maalinta Carrafo).
                                                                                                      4. Ee Nacaladi ha ku dhacdo qolada godkii (lagu caddibayey mu’miniinta).
                                                                                                      5. Ee ahaa Naar lagu saaday (in badan) 00 shidaal ah.
                                                                                                      6. Gaaladuna ay kor fadhiyeen (godka).
                                                                                                      7. Iyagoo daawanaya wixii ay ku falayeen 00 dulmi ah Mu’miniinta (waa gubiddii ay gubayeen mu’miniinta).
                                                                                                      8. Kumana ay gelin waxaan aheyn inay rumeeyeen Allaah, Awood Badanaha, Mudan mahad iyo ammaan 00 dhan.
                                                                                                      9. Ee, iska leh mulkiga cirarka iyo dhulkal Oo Allaah wax walba waa u Jeedaa.
                                                                                                      10. Xaqiiqdii, kuwa Janiba mu’miniinta iyo mu’minadaha, 00 aan u toobad keenin (Allaah) waxay leeyihiin cadaabta Naarta Jahannama, 00 waxay leeyihiin cadaabta Naar gubeysa.
                                                                                                      11. Xaqiiqdii, kuwa (xaqa) rumeeyey 00 falay camallo wanaagsan 00 suubban, waxay leeyihiin Beero hoostoodu ay webiyo qulqulayaan. Taas baa ah Liibaanta Weyn.
                                                                                                      12. dii (Muxammadow ^ Qabashada l^aqliq.nab bigaa waa daran tahay
                                                                                                      13. Vaaiiqdii, Waa isaga Allaah Kan 1| (UUnka) oo soo celinaya (Maalinta Qiyaamaha]
                                                                                                      14. Waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Carshiga, Sharafta Badan. i uu Doono.
                                                                                                      15. Kan leh
                                                                                                      16. wuxuu falaawixii
                                                                                                      17. Ma kn800 8aaray war^a ciidammadii,
                                                                                                      18. Fircooniyo Thammuud?
                                                                                                      19. Mayee! Kuwa gaaloobay waxay ku sugan yhihin beeninta (Nabi Muxammad iyo Qur’aanka).
                                                                                                      20. Oo Allaah baa ka koobay gadaal (macnaha waa acmaashooda oo idil waa ogsoon yahay, oo waa uu ka abaal marin doonaa).
                                                                                                      21. Mayee! Kani waa Qur’aan Sharaf Badan.
                                                                                                      22. Oo ku qoran Looxa Maxfuudka.

                                                                                                      Suuradda Ad-Daariq (Xiddigga Guura) 86

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan

                                                                                                      1. Waa igu cirka iyo Xiddigga guura.
                                                                                                      2. Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu (xiddiga guura) yahay?
                                                                                                      3. (Waa) xiddig iftiin badan.
                                                                                                      4. “Naf walba waxaa kor jooga ilaaliye (waa malaa’igta u xil saaran qof walba oo ilaalineysa, qoreysa camalladiisa wanaagsan iyo kuwa xunba, iwm).
                                                                                                      5. Ee ha fiiriyo aadanuhu waxa laga abuuray.
                                                                                                      6. Waxaa laga abuuray biyo horay u soo booda.
                                                                                                      7. Oo ka soo baxaya inta u dhaxeysa laf dhabarta iyo kalxamaha,
                                                                                                      8. [Allaah] waa uu awoodaa inuu u soo celiyo nolosha.
                                                                                                      9. Maalinta la soo saarayo siraha iyo wixii qarsoonaa.
                                                                                                      10. Ma leh (aadanuhu maalintaas) xoog iyo wax u gargaara midna.
                                                                                                      11. Waa igu cirka soo celinta badan (oo sidoo kale keena roobka soo noq-noq-da).
                                                                                                      12. Iyo dhulka dil-dillaca badan (ee soo saara dhirta iyo daaqa),
                                                                                                      13. Xaqiiqdii, Kani (Qur’aanku) Waa hadal kala saara (xaqa iyo baadilka), oo amra xeerar sharci ah aan dhayal aheyn oo dan u ahaadanaha si loo dabar gooyo shar oo idil).
                                                                                                      14. oo ma aha dhayal (dheel ama wax loogu tala galay maaweelo iyo madadaallo)
                                                                                                      15. iyagu [gaaladu] wax bay qooliyaan
                                                                                                      16. oo anigu [sidoo kale] waxaan qorsheynayaa qorshe
                                                                                                      17. ee u sug [gaalada] wax yar.

                                                                                                      Suuradda Al-Aclaa (Kan Sarreynta Badan) 87

                                                                                                      Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Nazah oo weynee Magaca Rabbigaa, ee Sarreeya
                                                                                                      2. Kan abuuray (uunka) oo ekeeyey.
                                                                                                      3. Oo ah Kan qaddaray (yacni horay u qoray dhacdooyinka ku dhici qof iyo shey walbaa xitaa haddii uu qofku noqonayo saciid (liibaane) ama shaqi (luufluufe); dabadeed tilmaamay (macnaha waa tusay Aadanaha jidka toosan iyo jidadka xun, oo ij tilmaamay xoolaha inay daaqaan).
                                                                                                      4. Oo ah Kan soo saara daaqa.
                                                                                                      5. Oo ka dhiga xaabo madow.
                                                                                                      6. Waxaan kuu akhrinaynaa (Muxammadow) Qur’aanka mana illaawi doontid.
                                                                                                      7. Wixii Allaah doono ma’ahee, Wuxuu ^8 yahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.
                                                                                                      8. Oo Waxaannu kuu fududeyn doonnaa (Muxammadow waddada fudud.
                                                                                                      9. Ee waani (dadka) marka ay wax tareyso waanadu.
                                                                                                      10. Waxaa qaadan doona waanada qofka ka cabsanaya (Allaah).
                                                                                                      11. Waxaana ka fogaan doona hoogaha.
                                                                                                      12. Kaasoo geli doona Naar weyn.
                                                                                                      13. Isagoo aan ku dhimaneyn dhexdeed, kuna noolaaneyn (nolol fiican).
                                                                                                      14. Waxaa dhabtii liibaanay qofkii daahiriya naftiisa (ee ka fogaada shirkiga iyo macaasida).
                                                                                                      15. Oo xusa Magaca Rabbigi (waa aan caabudin cidna Allaah maahee) 00 tukada shanta salaadood ee faralka ah iyo Nawaafisha (salaadaha dheen’ga).
                                                                                                      16. Mayee’waxaad doorataan noiosha adduunkan;
                                                                                                      17. Aakhirada baase khayr badan oo daa’insan.
                                                                                                      18. Waxay Xaqiiqdii tani ku taal Kututbtii hore,
                                                                                                      19. Kutubtii Ibraahiim iyo Muusaa fist).

                                                                                                      Suuradda al-Qaashiyah (Dabooshada) 88

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan

                                                                                                      1. Ma kuu yimid warkii dabooshada (Qiyaamaha).
                                                                                                      2. Wejiyo Maalintaas waa kuwo dulleysan.1
                                                                                                      3. Ugu camal fasha (si adag noloshan adduunka iyagoo daacad u ah ilaahayo kale oo baadil ah) oo ku daala.2
                                                                                                      4. Waxay geli doonaan Naar kulul.
                                                                                                      5. Waxaa laga waraabin doonaa il kulul oo kareysa.
                                                                                                      6. Ma laha wax cunto ah aan aheyn geed sun ah oo qodxa badan.
                                                                                                      7. Oo aan wax cayilanaynin, gaajona wax katareyn.
                                                                                                      8. Wejiyo (kale) Maalintaas, waa kuwo nicmeysan.
                                                                                                      9. Oo ku raalli ah ku dadaalkoodii.
                                                                                                      10. Ku jira Beer sare (Janno).
                                                                                                      11. aysan ku maqli doonin hadal dhiba iyo beenmidna.
                                                                                                      12. Waxaa ah gudaheeda (jannadaa) il socota.
                                                                                                      13. Waxaa ah gudaheeda sariirro la kor yeelay.
                                                                                                      14. Iyo koobab la hor dhigay
                                                                                                      15. Iyo baikimooyin la safay.
                                                                                                      16. Iyo gogol la fidiyey.
                                                                                                      17. Mawaysan fiirineynin geela, sida loo abuuray?
                                                                                                      18. Iyo ciika, sida loo kor yeelay?
                                                                                                      19. Iyo buuraha, sida loo taagay?
                                                                                                      20. Iyo dhulka, sida loo fidiyey?
                                                                                                      21. Ee waani (Muxammadow ^), waxaad adigu tahay waaniyee.
                                                                                                      22. Ma tihid mid qasab ku leh.
                                                                                                      23. Hase ahaatee qofkii jeesada oo gaalooba;
                                                                                                      24. Wuxuu Allaah cadaabi doonaa cadaab aad u weyn.
                                                                                                      25. Xaqiiqdii, Xaggayaga bay u soo noqon doonaan (khalqigu);
                                                                                                      26. Oo Annaga baa xisaabin doonna.

                                                                                                      Suuradda Al-Fajar (Beriga ama Oogga Hore) 89

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariistaha Badan

                                                                                                      1. (Waaberiga)
                                                                                                      2. iyo habeennada tobanka ah (waa jM naalmood ee ugu horeeya bisha
                                                                                                      3. oo waa igu tirada siman iyo tan is dheer.
                                                                                                      4. oo waa igu habeenka marka uu tago.
                                                                                                      5. Miyeynan kuwaa (dhaarahaa kore) aheyn wax loogu dhaarto qof caqli leh (si uu uga joogo shirkiga iyo macaasida, iwm).
                                                                                                      6. Mawaadan (Muxammadow H) ogaan sida Rabbigaa u galay (qoonkii) Caad?
                                                                                                      7. Ee ahaa Iram lahaana tiirarka dhaadheer.
                                                                                                      8. Aan wax la mid ah lagu abuurin dhulka.?
                                                                                                      9. Iyo (sida uu u galay) dadkii (Thamuud), eekaladhambalayey dhadhaabyo waaweyn tog gudahi ah (si ay uga sameeyaan daaro quixoon).
                                                                                                      10. Iyo (sida uu u galay) Fircoon, ee tiirarka lahaa?
                                                                                                      11. Kuwaasoo ku falay xadgudub dhulka.
                                                                                                      12. Oo ku badiyey fasahaad dhexdiisa.
                                                                                                      13. Markaasuu Rabbigaa ku shubay korkooda noooyo kala duwan oo cadaab daran ah.
                                                                                                      14. Xaqiiqdii, Rabbigaa waa u darban yahay (abaal marinta)
                                                                                                      15. Xagga aadanaha, marka uu Rabbigi lmtixaano, oo sharfo oo u nicmeeyo wuxuu yiraahdaa (isagoo isla weyn): “Rabbigay waa i sharfay.”
                                                                                                      16. Markase uu imtixaano oo ku ciriiriyo maalka, wuxuu yiraahdaa; “Rabbigay waa i liiday.”
                                                                                                      17. Mayee bal ma daiyeeshaan agoomaha.
                                                                                                      18. Oo iskuma boorrisaan quudinta miskiinka.
                                                                                                      19. Oo waxaad ku cuntaan xaqdarro dhaxalka si hunguri leh.
                                                                                                      20. Oo waxaad jeceshihiin Maalka jaceyl daran.
                                                                                                      21. Mayee! Marka dhulka laga dhigo budo_digada,
                                                                                                      22. Oo yimaado Rabbigaa oo malaa’igtu (timaaddo) iyagoo saf saf ah.
                                                                                                      23. Oo la keeno Maalintaas Naarta meel dhow. Maalintaas buu Aadanuhu waansami doonaa, maxayse waantoobidda (maikaa) tareysaa
                                                                                                      24. Wuxuu oran doonaa: “Hoogayeey! Haddii aan u soo hor marsan lahaa (camallo wanaagsan) noloshayda (tan).
                                                                                                      25. Maalintaas, cidna uma cadaabto sida uu (Allaah) wax u cadaabi Doono.
                                                                                                      26. Oo cidi wax uma xirxirto, sida uu (Allaah) wax u xirxiri doono.
                                                                                                      27. (Oo waxaa lagu oran doonaa qofka mu’minka) “Naf yahay xasilloon.
                                                                                                      28. “Unoqo Rabbigaa, jadigoo raalli ah oo uallilagaa yahay.
                                                                                                      29. “Dhex galna addoomaheyga wanaagsan.
                                                                                                      30. “Oo gal Jannadeyda.”

                                                                                                      Suuradda Al-Balad (Baladka) 90

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah. Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Waxaan ku dhaartay magaaladan (Maldcah).
                                                                                                      2. Oo adiga (Muxammadow jg’g) waan ku banneeyyey (inaad saacad keliya ku dagaasho maalintii furashada) magaaladan gudaheeda (Makkah),1
                                                                                                      3. Oo waa igu waalidka (Aadam) iyo waxa an dialay (Duniyadiisa).
                                                                                                      4. Waxaan xaqiiqdii dadka abuumay iyagoo kala kulmi doona dhib iyo daal (idduunka).
                                                                                                      5. Ma wuxuu moodayaa inaysan cidna awood ku lahayn?
                                                                                                      6. Wuxuu yiraahdaa (si faan leh iyo isla weyni) Waxaan bixiyey maal badan (si Xaqa loo hoijoogsado).”
                                                                                                      7. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna arkayn?
                                                                                                      8. Miyaanaan u yeelin labo indhood?
                                                                                                      9. Iyo canrab iyo labo bishimood?
                                                                                                      10. oo aan tusin labada jidood (jidka wanaagsan iyo jidka xun)?
                                                                                                      11. Ma uusan sameyn wax dadaal ah si uu uga gudbo jidkaa ahjiirta?
                                                                                                      12. Oo maxaa ku ogeysiiyey (waxaa looga gudbo)jidkaa ahjiirta?.
                                                                                                      13. Xoreyn qoor (addoon).
                                                                                                      14. Ama siin cunno maalin gaajo.
                                                                                                      15. Agoon qaraabo ah.
                                                                                                      16. Ama miskiin tabaaieysan.
                                                                                                      17. Isla markaasna (kaas wax la baxaya) uu ka mid yahay kuwaa (xaqa) rumeeyey, oo iskula dardaarma sugnaanta iyo sabarka, oo (sidoo kale) iskula dardaanna naxariista.
                                                                                                      18. Waa kuwaas qolada Midigta. (ehlu jannada),
                                                                                                      19. Kuwase ku gaaloobay Aayadahayaga (xujooyinka, waxyiga iwm) waa kuwaas qolada Bidixda (ehlu Naarka).
                                                                                                      20. Naarta waxaa looga xiri doonaa dusha.

                                                                                                      Suuradda ash-Shams (Qorraxda) 91

                                                                                                      1. Waa igu qorraxda iyo iftiinkeeda;
                                                                                                      2. Oo waa igu dayaxa marka uu raaco (qorraxda).
                                                                                                      3. Oo waa igu maalinta marka ay caddaato.
                                                                                                      4. Oo waa igu habeenka marka uu inadoobaado.
                                                                                                      5. Oo waa igu cirka iyo Kan (waa Allaahe) dhisay;
                                                                                                      6. Oo waa igu dhulka iyo Kan (waa Allaahe) gogJay,
                                                                                                      7. Oo waa igu nafta iyo Kan (waa Allaahe) ekeeyey.
                                                                                                      8. Ee tusiyey wixii u daran iyo wixii u dan ah, oo taqwo ayo toosnaan ah.
                                                                                                      9. Waxaa dhabtii liibaanay qofkii daahinya naftusa (macnaha waa adeeca oo guta dhammaan waxa uu Allaah waajibiyey, oo ka fogaada shirkiga iyo macaasida).
                                                                                                      10. Oo waxaa dhabtii hoogay qofkii dacdarreeya naftiisa (la yimaada shirki iyo macaasi.).
                                                                                                      11. Waxay (dadkii) Thamuud beeniyeen (Xaqa) kibirkoodii darti.
                                                                                                      12. Waa tii uu koodii uga sharka badnaa soo baxay, (si uu u dilo Hashii loogu soo bixiyey mucjiso aha ant a).
                                                                                                      13. Oo Rasuulkii Allaah (Saalix) ku yiri: “Iska daaya Hasha Ilaahay! (ha dilana) oo ha ka hor istaagina aroorkeeda.”
                                                                                                      14. Waase beeniyeen, oo dileen Hashii. Sidaa awgeed Rabbigood baa baabbi’yey dambigoodii darti is, oo ka simay cadaabtii.
                                                                                                      15. Oo (Allaah) kama uu cabsndo waxn ka dhalan (baabbi’intaa) iyo ciribtccda (yacni in dakano loo raacdo, godob, iwm).

                                                                                                      Suuradda Al-Leyl (Habeenka) 92

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Waa igu habeenka marka uu wax daboolo.
                                                                                                      2. Oo wa igu maalinta marka ay soo caddaato;
                                                                                                      3. Oo waa igu Kan abuuray labka iyo dhedigga.
                                                                                                      4. In camalkiinnu (dadow) kala duwan yahay.
                                                                                                      5. Ma qoikii wax bixiya, (sako, sadaqo, iwm) 00 ka cabsada Allaah.
                                                                                                      6. Oo rumeeya Al-Xusnaa (Tan wax u wanaagsan: waa Towxiidka yacni Laa ilaaha illal laaah ama Jannada)
                                                                                                      7. Waxaan u fududeyn doonaa Jidka fudud. (samaanta)
                                                                                                      8. Qofkiise hunguri badan (damac badan dhabcaalka masuugidda badan) 00 is mooda inuu isku Ulan yahay.1
                                                                                                      9. Oo beeniya tan wanaagsan (Towxiidka ama Jannada).
                                                                                                      10. Waxaan uga dhigi doonnaa wax fudud jidka xun;
                                                                                                      11. Oo muxuu maalkiisu u tari doonaa marka uu halaagsamo. ‘s’ HCy
                                                                                                      12. Annaga baa wax hanuuninna,
                                                                                                      13. Oo Annaga baa leh tan dambe Aakhirada) iyo tan horeba (adduunkan).
                                                                                                      14. Ee waxaan idiinka digayaa Naar olol iyo bur badan.
                                                                                                      15. Ma geli doono waxaan ahayn qof xun,
                                                                                                      16. Kan (Xaqa) beeniya oo jeesada.
                                                                                                      17. Waana laga fogeyn doonaa (Naarta) kan ka dhowrsada xumaha
                                                                                                      18. Ee bixiya maalkiisa si uu u daahir noqdo.
                                                                                                      19. Isagoo uusan jirin cid ku leh abaal oo laga sugayo inuu gudo.
                                                                                                      20. Ee wuxuu wax u bixin Wejiga Allaah darti, ee Sarreeya
                                                                                                      21. Wuuna raalli noqon doonaa.

                                                                                                      Suuradda Ad-Duxaa (Barqada) 93

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Waa igu Barqada.1
                                                                                                      2. Oo waa igu habeenka marka uu madoobaado.
                                                                                                      3. Inuusan kaa tagin (Muxammadow 5®) Rabbigaa, ookuucaroon.
                                                                                                      4. Oo Aakhirada baa kaaga khayr badan tan bore (noloshatan adduunka)
                                                                                                      5. Oo wuxuu Rabbigaa ku siin doonaa (wax f kastoo wanaagsan) waadna raalli noqon.
                                                                                                      6. Miyuusan ku helin adigoo (Muxammadow 5®) agoon ah 00 ku hoyaadin?.
                                                                                                      7. Oo Miyuusan ku helin adigoo aan war u heyn (Qur’aanka. iyo axkaamtiisa, iyo Nabinnimo iwm) oo kuma hanuunin?
                                                                                                      8. Oo Miyuusan k u helin adigoo sabool ah 00 kaa yeelin hodan (isku filan qaneecona kuu dheer tahay)?
                                                                                                      9. Re ilmaha agoonka ahhadhibin.
                                                                                                      10. Kan wax wey diisanna ha canaanan;
                                                                                                      11. oo Nicmadda Rabbigaa [waa Nabinnimada iyo dhammaan galladaha kale] ka sheekee [oo ku mahdi].

                                                                                                      Suuradda ash-Sharax (Laab Fiiridda) 94

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Miyaannaan kuu waasicinnin laabta (Muxammadow)?
                                                                                                      2. Oo aan kaa dejin culeyskaagii,
                                                                                                      3. ee cusleeyey dhabarkaagii?
                                                                                                      4. oo aannaan kor yeelin magacaaga?
                                                                                                      5. ee xaqiiq culeyska (ciriiriga iyo dhibka) waxaa la so fudayd dhow)
                                                                                                      6. Waxaa xaqiiq dhibka la socda faraj.
                                                                                                      7. Ee markii aad bogto (howshaada), u staag cibaadada Allaah (macnaha waa u istaag salaad).
                                                                                                      8. Oo xagga Rabbigaa (keliya) ula qasad (dhammaan muraadyadaada, rajooyinkaaga iyo ducooyinkaaga.

                                                                                                      Suuradda At-Tiin (Tiinka) 95

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan

                                                                                                      1. Waa igu Tiinka iyo Saytuunka.
                                                                                                      2. Oo waa igu Buurta Siinaay.
                                                                                                      3. Oo waa igu magaaladan Aaminka ah (Makkah),
                                                                                                      4. Waxaan dhabtii u abuumay Aadanaha qaab kan u wanaagsan
                                                                                                      5. Kaddibna waxaan u celinnay hooseeyay aasha kan u hooseeya.
                                                                                                      6. Hase yeeshee kuwa (Xaqa) rumeeyey oo falay camallo wanaagsan oo suubban, waxay leeyihiin ajar aan go’ynin (Janno).
                                                                                                      7. Ee maxaa sababa idinka (gaalooy inaad beenisaan jaaseynta (Maalinta Qiyaame).
                                                                                                      8. Sow ma aha Allaah Kan u wanaagsan inta wax xukunta?

                                                                                                      Suuradda al-Calaq (Xinjirta) 96

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan

                                                                                                      1. Akhri! Ku billaabid magaca Rabbigaa, ee abuuray [uunka oo idil]
                                                                                                      2. Ka abuuray aadanaha xinjir
                                                                                                      3. Akhri! Oo Rabbigaa waa Roonaan badanaha
                                                                                                      4. Kan baray [aadanaha] sida qalinka wax loogu qoro
                                                                                                      5. Baray aadanaha wax uusan aqoon
                                                                                                      6. Mayee! Xaqiiqdii, aadanuhu waa xadgudbaa
                                                                                                      7. Marka uu arko inuu deeqtoonaaday
                                                                                                      8. Hubaashii! Waa xagga Rabbigaa noqodku
                                                                                                      9. Ma waad [Muxammadow] aragtay midka [Abu Jahal] ka reebaya
                                                                                                      10. Addoon [Muxammad] marka uu tukado?
                                                                                                      11. Bal ka warran haddii [Muxammad] uu ku sugan yahay hanuunka [Allaah]?
                                                                                                      12. Ama uu amro toosnaan?
                                                                                                      13. Bal ka warran haddii [gaalkaa, Abuu Jahal] beeniyo [Xaqa, waa Qur’aankan] oo ka jeesado?
                                                                                                      14. Ma wuusan ogeyn in Allaah arko [waxa uu falayo]?
                                                                                                      15. Mayee! Haddii uusan [Abuu Jahal] meel joogin, waxaannu qaban doonnaa foodda.
                                                                                                      16. Food beenley ah oo gefley ah.
                                                                                                      17. Ee ha u yeerto golihiisa.
                                                                                                      18. Waxaan u yeeri doonnaa ilaalada Naarta [si ay wax uga qabtaan].
                                                                                                      19. Mayee [Muxammadow!] Ha adeecin, oo sujuud, oo u dhowow [Allaah].

                                                                                                      Suuradda Al-Qadar (Habeenka Qaddarka) 97

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Waxaannu xaqiiqdii soo dejinnay (Qur’aanka) habeenka Qaddarka dhexdiisa.
                                                                                                      2. Oo maxaa ku ogeysiiyey wuxuu habeenka Qaddarku yahay?
                                                                                                      3. Habeenka Qaddarku wuxuu ka fiican yahay kun bilood (83 sano iyo afar bilood).
                                                                                                      4. Waxaa soo dega malaa’igta iyo Ruuxa (Jabriil) Idanka Allaah iyagoo la soo dega xukunno oo dhan,
                                                                                                      5. Nabad! (habeenkaa oo dhan, waxaa jira nabad iyo samaan xagga Allaah ah oo ay leeyihiin addoomahiisa (Xaqa) rameeyey) ilaa waagu ka baryo.1

                                                                                                      Suuradda Al-Bayyinah (Xujada Cad) 98

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Ma aha kuwii gaaloobay oo ka mid ahaa ehlu Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo mushrikiinta kuwa ka tagaya (gaalni- madooda) iyada oo ay timaaddo xujo cad maahee.
                                                                                                      2. Oo ah Rasuul [Muxammad] ka socda xagga Allaah oo akhriyaya kutub daahir ah.
                                                                                                      3. Ka kooban xukunno fiican.
                                                                                                      4. Oo isma khilaafm ehlu Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) jeer ay u timid Xujo Cad (Nabi Muxammad j£i).
                                                                                                      5. Lamana amnn waxaan aheyn may caabudaan Allaah iyagoo u Keeli yeelaya cibaadada iyagoo toosan, iyo inay oogaan salaadda oo bixiyaan Zakada, oo sidaas baa ah diinta toosan.
                                                                                                      6. Xaqiiqdii, kuwa gaaloobay oo ka mid ah ehlu-Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo mushrikiinta waxay gali doonaan Naarta Jahannama iyagoo ku waaraya gudaheeda. Kuwaasina waa kuwa ugu sharka badan uumanka.1
                                                                                                      7. Xaqiiqdii, kuwa (Xaqa) rumeeyey, oo fala camallo wanaagsan oo suubban, kuwaasi waa kuwa ugu khayr badan uumanka.
                                                                                                      8. Abaalkooda Rabbigood agtiis ah waa Beero negaadi ah (Jannati Cadni) oo ay hoostoodu webiyadu qul-qulayaan, ay ku waari doonaan dhexdeeda weligood, Allaah Raalli buu ka yahay, iyaguna Raalli ka yihiin. Sidaas waxaa leh kii ka baqa Rabbigi (Allaah).

                                                                                                      Suuradda az-Zalzalah (Dhul Gariirka) 99

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan

                                                                                                      1. Marka arlada la gilgilo gilgilkeeda [kama dambeysta ah).
                                                                                                      2. Oo arladu soo bixiso culeysyadeedii [wixii ku aasnaa]
                                                                                                      3. Oo aadanuhu yiraahdo: “Maxay leedahay?
                                                                                                      4. Maalintaas waxay ka wairami doontaa akhbaarteeda (la xiiiira dhammaan wixii lagu sameeyey korkeeda [khayr ama shar].
                                                                                                      5. Waayo Rabbigaa baa u waxyooday.
                                                                                                      6. Maalintaas dadku wuxuu u dareeri doonaa guutooyin firarsan ahaan si loo tusiyo camalladoodii.
                                                                                                      7. Ee qofkii fala samaan le’eg saxar [ama quraanyo yar] waa arki doonaa.
                                                                                                      8. Oo qofkii fala xumaan le’eg saxar [ama quraano yar] waa arki doonaa.

                                                                                                      Suuradda al-Caadiyaat (Xiimayaasha) 100

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Waa igu (fardaha) u orda (jihaadka) iyagoo hinraagaya.
                                                                                                      2. Oo ku shida madag dab ah (qoobobkooda).
                                                                                                      3. Oo qaada duullaanka oogga hore,
                                                                                                      4. He booika kiciya,
                                                                                                      5. Oo bartanka u gala kulanka (cadowga),
                                                                                                      6. Xaqiiqdii! Aadanuhu (kan gaalka ahi) waa ka abaal dhacaa Rabbigi.
                                                                                                      7. Oo isaga baa taasi ka markhaati ah.
                                                                                                      8. Waana ku daran yahay Jcclaanta maalka
                                                                                                      9. Ma wuusan ogeyn marka la soo bixiyo wax a ku jira qabuuraha.
                                                                                                      10. Oo la caddeeyo waxa ku jira laabaha.
                                                                                                      11. Xaqiiqdii, Maalintaas (Maalinta Qiyaamaha) Rabbigood waa u Xog-Ogaal (camalladooda, oo ka abaal marin doonaa)

                                                                                                      Suuradda Al-Qaaricah (Qaraacdada qalbiga) 101

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan

                                                                                                      1. Al-Qaaricah [Garaacdada qalbiga]
                                                                                                      2. Maxay tahay [Garaacdada qalbiga]
                                                                                                      3. Oo maxaa ku ogeysiiyey waxay Garaacdada qalbiga tahay?
                                                                                                      4. Waa Maalin ay dadku noqon doonaan sida balanbaalisooyin la firdhiyey.
                                                                                                      5. Oo buuraha noqon doonaan sida cudbi la dhilay.
                                                                                                      6. Ma qofkii uu cuslaado miisaankiisa [camallada wanaagsan] ah.

                                                                                                      Suuradda At-Takaathur (Ku-Tartanka Kororsiga Adduunka) 102

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan

                                                                                                      1. Waxaa idin shuqliyey (dadow) wax badsasho (iyo isu faanid).
                                                                                                      2. Ilaa aad ka siyaarataan qabuuraha (dhimataan)
                                                                                                      3. Mayee! Waad ogaan doontaan
                                                                                                      4. Misna, mayee! Waad ogaan doontaan.
                                                                                                      5. Mayee! haddii aad og tihiin ogaansho dhab ah (ciribta dalowsiga adduun, kuma aydaan mashquulin laheyn nafahiinna waxyaalaha aduunka idinkoo ka dooranaya Aakhirada).
                                                                                                      6. Xaqiiq, Waa arki doontaan Naarta ololeysa.
                                                                                                      7. Oo misna, waa arki doontaan aragti dhab ah.
                                                                                                      8. Waxaana la idin weydiin doonaa Maalintaas Nicmaddii (aad ku jirteen adduunkan.)

                                                                                                      Suuradda al-Casar (Waqtiga) 103

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Waa igu Casarka (waqtiga).
                                                                                                      2. Xaqiiqdii! Aadanuhu wuxuu ku sugan yahay khasaaro.
                                                                                                      3. Marka laga reebo kuwa (Xaqa) rumeeyey oo fala camallo wanaagsan oo suubban, oo isu dardaraama xaqa, oo isu dardaarama sabarka.

                                                                                                      Suuradda Al-Humazah (Durayaasha Wax Ceebeeya) 104

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Hoog waxaa leh mid kastoo ah ceebeeye, iyo xantaa. 1
                                                                                                      2. Oo maal jamciya 00 tirsada (00 aan Xaqa ku bixin);
                                                                                                      3. Ma wuxuu moodaa in maalkiisu waarinayo?
                                                                                                      4. Mayee! Waxaa lagu tuuri doonaa Naarta burburisada ah.
                                                                                                      5. Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa Naarta burburisada ahi tahay?.
                                                                                                      6. Waa Naar Ilaahay 00 la huriyey.
                                                                                                      7. Oo gubaysa quluubta (kuleyl) dartiis,
                                                                                                      8. Waana laga dabooli doonaa Naartaas gaalada.
                                                                                                      9. Waxayna ahaan tiirar la taagay dhexdood.

                                                                                                      Suuradda Al-Fiil (Maroodiga) 105

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Mawaadan (Muxammadow jjg) ogaan sida Rabbigaa u galay qoladii maroodiga. (Ciidankii maroodiga ee ka yimid Yamanta, uu hoggaaminayey Abraha Al- Ashram isagoo doonayey inuu dumiyo Kacbada ku taal Makka)
                                                                                                      2. Sow (Allaah) kama uu dhigin dhagartoodii wax dhumay?
                                                                                                      3. Oo ku soo dirin shimbiro guutoooyin ah.?
                                                                                                      4. Oo ku tuureysa dhagaxyo la kululeeyey.
                                                                                                      5. Markaasuu ka yeelay sidii bal la daaqay.

                                                                                                      Suuradda Qureysh 106

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Caadaysigii Quraysheed.
                                                                                                      2. Ay ka caadeysteen safarka xagaaga iyo (ffj), yJA \j Az jjf jilaalka darteed.
                                                                                                      3. Ee ha caabudeen (Allaah) Rabbiga Baydkan (Kacbada ku taal Makkah)).
                                                                                                      4. Ee ka quudiyey gaajada, kana nabad galiyey cabsi.

                                                                                                      Suuradda Al-Maacuun 107

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Ka warran kan beeniya Jaazeynta (Qiyaamaha).
                                                                                                      2. Kaasu waa kan sida xun ula dhaqma agoonta.1
                                                                                                      3. Oo aan ku boorrin (dadka) quudinta masaakiinta.2
                                                                                                      4. Ee waxaa hoog leh kuvvaa tukada salaadaha (munafiqiinta),
                                                                                                      5. Ee ka dib dhiga salaaddooda waqtiyadii loo xaddiday.
                                                                                                      6. Ee dadka is tusiya,
                                                                                                      7. oo u diida alaabta laysugu kaalmeeyo.

                                                                                                      Suuradda Al-Kawthar (Webi Kuyaal Jannada) 108

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Waxaan xaqiiqdii ku siinnay (Muxammadow 3?j§) Al-Kowthar (webi ku yaal jannada).1
                                                                                                      2. Ee u tuko Rabbigaa Dartiis, oo u qal xoolaha weyneyn iyo xusid Isaga oo Keliya).
                                                                                                      3. Kii ku neceb (Muxammadow ^), _waa mid cirib beelay.”

                                                                                                      Suuradda Al-Kaafiruun (Gaalada) 109

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Dheh: “Gaalooy.”
                                                                                                      2. “Anigu ma caabudayo waxa aad caabudaysaan,
                                                                                                      3. “Oo idinku ma caabudaysaan waxa aan Anigu caabudayo.
                                                                                                      4. “Oo anigu ma caabudidoono waxaad Caabudaysaan.
                                                                                                      5. “Oo Idinkuna ma caabudi doontaan waxa aan anigu caabudayo.
                                                                                                      6. Idinku diintiinna (dhaqankiinna) baad leedihiin, aniguna diinteyda (dhaqankeyga).”

                                                                                                      Suuradda An-Nasar (Hiilka) 110

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Marka uu yimaado Gargaarka Allaah iyo furashada (Makkah).
                                                                                                      2. Oo aad aragto dadku oo u soo galaya diinta Ilaahay rac-rac (kooxo),
                                                                                                      3. Markaas ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa, oo weydiiso Dambi Dhaafkiisa. Xaqiiqdii, (Allaah) waa Isaga Midka Aqbala Toobada oo Dambi Dhaafka Badan.

                                                                                                      Suuradda Al-Masad (Xuskul la Soohay) 111

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Waxaa hoogay labadii gacmood ee Abuu-Lahab (mid ka mid ah Nabiga adeerradi) oo hoog!1
                                                                                                      2. Waxna uma tarin maalkiisii iyo wixii uu kasbaday
                                                                                                      3. waxaa lagu gubi doonaa Naar ololeysa
                                                                                                      4. Marwadiisuna waa sidoo kale, taasoo qaadda qoryo [qodxihii Sacdaan ay dhigi jirtay waddada Nebiga ama aflagaadeyn jirtay]
                                                                                                      5. qoorteeda waxaa ah xarig la falkiyey oo Masad ah [xaskul la soohay]

                                                                                                      Suuradda al-Ikhlaas (Keli-Yeelidda Cibaadada) 112

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Dheh [Muxammadow] “Allaah waa Axad [mid keliya aan laheyn shariik]”
                                                                                                      2. Waa Samad [Sayid deeqtoon, ay uumanka oo dhammi u baahan yihiin]
                                                                                                      3. “ma dhalin, oo lama dhalin”2
                                                                                                      4. “oo ma jiro axad u dhigma.”

                                                                                                      Suuradda Al-Falaq (Dillaaca Oogga) 113

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

                                                                                                      1. Dheh: “Waxaan ka magan galay Rabbiga oogga (dillaaciya.)
                                                                                                      2. “Sharka waxa uu abuuray;
                                                                                                      3. “Iyo sharka habeenka marka uu madoobaado.
                                                                                                      4. “Iyo sharka sixiirowga wax ku tufa guntimaha.
                                                                                                      5. “Iyo sharka xaasidka marka uu wax xasdo.”

                                                                                                      Suuradda An-Naas (Dadka) 114

                                                                                                      Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan

                                                                                                      1. Dheh: “Waxaan ka magan galay Rabbiga dadka.1
                                                                                                      2. “Boqorka dadka.1
                                                                                                      3. “Ilaaha dadka.
                                                                                                      4. “Sharka waswaasiyaha (sheydaanka) qarsoon ee soo noqnoqodka badan)1 2
                                                                                                      5. Kaasoo waswaasiya laabaha dadka
                                                                                                      6. (Shaydaankaa) oo jin iyo dadba leh.”

                                                                                                      Aqoonyahan – Warside

                                                                                                      AQOONYAHAN

                                                                                                      Warside saddexbiloodle ah oo ay soo saarto Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

                                                                                                      Sanduuqa Boostada: 15 Muqdisho
                                                                                                      Telefoon: 22742

                                                                                                      Waxaad tirsigan ka akhrisan kartaa:

                                                                                                      – Himilada Kulliyadda Diraasaadka Islaamka
                                                                                                      – Naxwaha Af-Soomaaliga
                                                                                                      – Diinta Waa Baahi Bulsho
                                                                                                      – Ka-Faa’ideysiga Kulaylka Dhulka
                                                                                                      – Curriculum Changes at Lafoole

                                                                                                      Sannadkii 1aad
                                                                                                      Tirsigii 1aad
                                                                                                      Maarso 1984

                                                                                                      GUDDIGA QORAALKA

                                                                                                      Maxamuud Ismaaciil Cabdiraxmaan – Guddoomiye
                                                                                                      Maxamed X. Xuseen Raabi – Xubin
                                                                                                      Maxamed Cabdi Caruush – Xubin
                                                                                                      Cabdalla C. Mansuur – Xubin
                                                                                                      Muxsin Naaji Sacad – Xubin

                                                                                                      TUSMO

                                                                                                      Dhalashada “AQOONYAHAN”
                                                                                                      Jaamacadda iyo Xallinta Dhibaatooyinka Ummadda
                                                                                                      Aqoonta Tayeysan
                                                                                                      Naxwaha Af-Soomaaiiga: Dood Gaaban
                                                                                                      Oromada iyo Soomaalida
                                                                                                      Diinta Waa Baahi Bulsho
                                                                                                      Kaalinta JUS Xagga Baahinta Afka iyo Hiddaha Carbeed
                                                                                                      Ka-Faa’iideysiga Kulaylka Dhulka
                                                                                                      Dhibaatooyinka ay Leeyihiin Xulashada Mashaariicda Horumarinta: KTHB
                                                                                                      Dhaqdhaqaaqa Ciyaaraha Jaamacadda
                                                                                                      Magacaabid Hormuudyo Cusub
                                                                                                      Madaxwaynaha oo ka gaybgalay xaflad lagu maamuusayo maalinta macallinka Soomaaliyeed
                                                                                                      Madaxweynaha JDS oo furay bandhigii Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed
                                                                                                      Madaxweynaha JDS oo furay shirkii guddiga iskaashiga JUS iyo Talyaaniga
                                                                                                      Wareysi AQOONYAHAN la yeeshay Wasiirka H. & T. S.
                                                                                                      Xoojinta iskaashiga jaamacadda Qadar iyo JUS
                                                                                                      Library
                                                                                                      Curriculum Change at Lafoole
                                                                                                      Concept of Muslim Ummah and History
                                                                                                      Farewell Oh Beautiful Somalia

                                                                                                      DHALASHADA “AQOONYAHAN”
                                                                                                      Maxamuud Ismaaciil Cabdiraxmaan (Kulliyadda Saxaafadda)

                                                                                                      “AQOONYAHAN” waxa uu ka dhashay dareen baahi loo qabey, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliyeed Jaalle Maxamed Siyaad Barre isaga oo cabbiraya dareenkaas waxa uu ugu baaqay aqoonyahannada Soomaaliyeed in ay soo saaraan wargeysyo bandhig u noqon kara fikradahooda iyo cilmi baaristooda la xiriira xallinta dhibaatooyinka Ummadda, xag dhaqaale, bulsho iyo siyaasadba.

                                                                                                      Dood-cilmiyeedkii JUS ay ku qabatay Huteelka Jubba dabayaaqaddii sannadkii 1982kii, waxa ka soo baxay go’aan ah in ay soo saarto JUS Wargeys xoojiya kala warqabidda iyo iskaashiga Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, isla markaasna xiriiriya JUS iyo Jaamacadaha dalalka kale.

                                                                                                      Xiriirka noocaas ah waxa ka imaan kara faa’iido iyo horumar dan u ah, una adeegaya qaddiyadaha ka dhexeeya bani’aadamka, waayo guulaha cilmiga laga gaaro waqti kasta waa kuwo waxtarkoodu saameeyo nolosha bani’aadamka farqi la’aan.

                                                                                                      Haddaba, dhalashada “AQOONYAHAN” oo caddadkiisii kowaad yahay midka aad akhriyeyso, waxa asaas u ah dareenkaas, baahidaas, baaqaas iyo go’aankaas Ummadda, Madaxweynaha iyo Aqoonyahannada oo Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo JUS u tarjumeen ficil.
                                                                                                      Sidii “AQOONYAHAN” ku gaari lahaa himilada loo asaasay, waa arrin ku xiran indheer garatada Soomaaliyeed hadba xilka ay iska saaraan.

                                                                                                      Faallo

                                                                                                      JAAMACADDA IYO XALLINTA DHIBAATOOYINKA UMMADDA

                                                                                                      Maxamuud Ismaaciil Cabdiraxmaan (Kulliyadda Saxaafadda)

                                                                                                      Waxbarashada Jaamacadeed waa marxalad Takhasus cilmi oo noocyo iyo heerar kala duwan leh.

                                                                                                      Waxayna leedahay muhiimad ama ujeedo ah daryeelka dhallinyarada mowhibada leh (talent), kobcinta awoodooda iyo daboolidda bulsho weynta waqtiga xaadirka ah iyo mustaqbalka, taas oo ka imaaneysa barbaarinta fikradeed iyo tababaridda Cilmiyeed hawlwadeenno hirgelin kara qorshaha qaranka iyo hoggaanka siyaasadeed ee Ummadda.

                                                                                                      Jaamacaddu waa xarun cilmi baarista u jahaysa xalinta mashaakilka bulshada, kana qayb qaadata amaba hogaamisa horumarkeeda.

                                                                                                      Haddaba Jaamacadi si ay u gudato waajibaadkaas, waa in ay mar kasta sameyso isbeddel horumar leh xagga manhajka waxbarashada, Cilmibaarista iyo hirgelinta natiijooyinka ka soo baxa, isla markaas waa in ay la socoto horumarka guud ee cilmiga iyo aqoonta bani’aadamka.
                                                                                                      Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxay soo martay marxalado dhowr ah, waxayna mar walba ku mintideysey fulin qorshe u suura geliya in ay kaalinteeda ka qaadato xagga Waxbarashada Akadeemikada ah iyo horumarinta guud ee bulshada.

                                                                                                      Marxaladdii asaaskeeda JUS, waxay ka gudubtay dhibaato adag oo ahayd tanaaqud ka dhaxeeyay xagga himilada iyo maslaxadda wadaniga ah ee Ummadda ee dhismo Jaamacad Wadani ah iyo xagga awooda dhabta ah ee Qaranka oo dhaqaale yari iyo aqoon yari haysatay.

                                                                                                      Dhibaatooyinkaas, waxaan kaga gudubney shucuur wadanimo, isku kalsooni iyo dhiiranaan ka tarjumeysay baahida Ummadeed iyo siyaasadda kacaankaba.

                                                                                                      Waxayna ku dhammaatay guul JUS ka yeeshay inay noqoto ilays aqooneed.
                                                                                                      Marxaladdii labaad, waxay ahayd xoojinta iyo horumarinta JUS, marxaladaas gudaheeda JUS, waxay abuurtay kaadir Jaamici ah oo hanta qaybta weyn ee duruus bixinta iyo cilmi baarista

                                                                                                      Kulliyadaha JUS. Guulaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay gaadhay labadaas marxaladood, waxaa ka dambeysay Siyaasadda Kacaanka oo awood dhaqaale qalab iyo tashiilad nooc walba leh u fududeysay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

                                                                                                      Marxaladda saddexaad, waa mid hadda socota ee JUS sameyneyso horumar ballaaran xagga Kulliyadaha qaarkood oo u gudbey heer Takhasus Sare, sida Kulliyadda Caafimaadka, Dhismo Kulliyado cusub oo kala ah Saxaafada, Afafka iyo Diraasaadka Islaamka oo ahmiyad gaar ah u leh xagga xoreynta maskaxda iyo fikradda iyo xoojinta hiddaheenna Islaamka.
                                                                                                      Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay sameysay Cilmi baaris kaalin horseednimo ka qaadatay kobcinta aqoonta iyadoo u jaheysay xalinta dhibaatooyinka bulshada iyo horumarkeeda. 1982-1983, JUS waxay qabatay laba dood Cilmiyeed oo kala ah degaameynta aqoonta iyo Qabiilka iyo Qaranka.

                                                                                                      Doodahaas waxay lahaayeen ahmiyad heer qaran ah. Waxaana ka qayb galay Madaxweynaha JDS Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo furitaankoodii ka jeediyay Khudbad muhiim ah, aqoon yahanno Takhasus walba leh, Madaxda Dawladda iyo dadweynahaba, go’aanadii ay soo saareen, waxay ahaayeen kuwo xal Cilmi ah u horseeday dhibaatooyinka Ummadda.
                                                                                                      Sidaas awgeed, waxaan rajeynaynaa in hey’adaha Dawladda iyo indheer garatadu go’aannadaas Cilmiga ku saleysan hirgeliyaan una beddelaan wasiilo dhab ah ee lagu daweeyo cudurrada bulshada sida: Qabiilka, lagagana adkaado dib u dhaca dhaqaalaha.

                                                                                                      AQOONTA TAYEYSAN

                                                                                                      DHUGTA FALSAFADDA KACAANKEENNA SIDA U QEEXDAY

                                                                                                      Brofesoor Maxamuud Nuur Caalim
                                                                                                      (Kulliyadda Waxbarashada Lafoole)

                                                                                                      QEEXID

                                                                                                      Aqoonta Tayeysani waxa ay tahay aqoon ay weheliso sugitaanka qiyamka dhexdhexaadnimo ee faca weyn, isla markaasna loo kasi karo in ay bilawgeedii la kowsatay aadamiga. Halkaas oo kasmadeeda si xeel dheer looga tibaaxi karo:- In ay aqoontaas tayeysani tahay aqoontii soo jiraaga ahayd. Waxa kale oo hubaal ah in dhugta aqoontaas Tayeysan si cad looga dheehan karo: siyaalaha ay ugu suurtageli jirtay Ummadihii inooga horreeyay xalinta dhibaatooyinka faca weyn ee ay ka mid yihiin:

                                                                                                      – Xasiloon la’aanta Nabadgelyada dunida iyo
                                                                                                      – Dhibaatada cunnoyarida dunida.

                                                                                                      Waxa halkaas laga filan karaa in Aqoonta Tayeysan laga kasban karo waayo-aragnimo oo si habsan u hogaamin karta adeegsiga aqoonta tiknoloojiyadda casriga ah. Xeeshaas Tayeynta awgeed ayaa kacaameyn karta adeegsiga aqoonta Tiknoloojiyada Casriga ah, si ay uga badbaadiso aadamiga dhibaatooyinkaas faca weyn ee halista ku ah dunida.

                                                                                                      Waxa hubaal ah, in aadamigu u baahan yahay in la garwaaqsi iyo sugidda qiyamka dhexdhexaadnimo oo aan bilow ahayn; sida gadaal ku xusan, lana sarmo seegin dheelitirka aadamiga (Human Equation) oo loo kasi karo in dhammaan dadyawga dunida ay siman yihiin; isla markaas na qiyamkaas dhexdhexaadnimo in lagu hirgelin jiray dhaqan aqooneed oo kasta. Halkaas oo laga arki karo sababta ay ugu caal la’dahay adeegsiga aqoonta tiknoloojiyadda casriga ihi, maareynta dhibaatooyinkaas faca weyn ee kor ku xu’saniin ay tahay iyada oo fac yar.

                                                                                                      Maareynta dhibaatooyinka halista ah waxa la hanan karaa marka ay aqoonta tayeysani habsami u hogaamiso hadba heerka ugu sareeya ee ay adeegsiga aqoonta tiknoloojiyadda higsanayso.

                                                                                                      Tusaale ahaan: Waxa la ogsoon yahay in qof kurey ihi uu u adeegi karo u ciidamidda qoyskooda hadba inta awoodiis tahay hase yeesho ee aan kureygaas laga filayn in uu hab “Waayeel” ugu maaro helo u caal helidda dhibaatooyinka ka fac weyn ee qoyska soo food saari kara.

                                                                                                      Waxa tusaalahan kor ku xusan laga arki karaa in haatan aqoonta guud ee caadiga ah ee tacliin sare oo lagaga baaran degayo Jaamicadaha iyo Xarumaha Cilmiga ay tahay aqoon iskeed u fac yar; isla markaasna laga kasi karo in ay hogaamineyso adeegsiga aqoonta tiknoloojiyadda casriga ah. Halkaas oo laga garan karo jaho wareerka aqoonta haysataa haatan in uu yahay tartanka hubka halista ah ee hab sedbursiimo ahaan ka dhex oogan quwadaha waaweyn. Taas oo laga garan karo in Tacliinta Sare ee haatan dunidu isbideyso in ay higsaneyso heer sare tahay mid marin habawday, haddii aanay ka badbaadin aadamiga CABSI IYO GAAJO. Waxa halkaas laga arki karaa in indheergaradnimada horumar ee haatan la higsanayaa hadba kasii fogaanayso dhugta iyo kasmada indhawgaradnimo amase sugitaanka aqoonta Tayeysan. Halkaas oo laga arki karo in hogaaminta kuraynimo ee adeegsiga aqoonta tiknoloojiyadda Casriga ihi ka sarmo seegtay sugitaanka dheelitirka aadamiga; lagana filayn in ay hab waayeelnimo ugu caal hesho maareynta dhibaatooyinka ka fac weyn ee halista ku ah dunida, ay kana mid yihiin: CUNNOYARIDA IYO XASILOONI LA’AANTA DUNIDA.

                                                                                                      Sugidda indhawgaradnimo waxa ay tahay tixgelinta la siin karo dhaqan-aqooneed oo kasta oo si loo siman yahay laga dheehan karo sugitaanka waayeelnimo ee qiyamka dhexdhexaadnimo, lagana dheehan karo aqoonta tayeysan; sida ay mudnaanshaha u siisay aadamiga in uu adeegsado hadba inta uu ka hanto adeegsiga aqoonta tiknoloojiyadda casriga ah. Halkaas oo si cad looga arki karo in dadyawga haatan ku dhaqan dunida la garwaaqsiiyo, iyaga oo si cilmiyeysan loo tusayo in TAYEYNTAASU tahay MAAREYNTA lagaga badbaadinayo dunida dhibaatooyinka halista ah ee soo food saara, ee ku saleysan adeegsiga tiknoloojiyadda casriga ihi in ay habsami ugu ciidanto.

                                                                                                      Halkaas oo dib u hanashada dhugta iyo kasmada aqoonta tayeysan ee laga soo dheegay aqoontii soo jiraaga ahayd ee aragtiyada waayo-aragnimo ku dheehan yihiin; isla markaasna hab sugan looga tibaaxi karo maareynta sugitaankaas qiyamka dhexdhexaadnimo ee loogu tala galay in ay xeeshaas tayo hogaamiso saleynta aragtida laamaha iyo tabeynta adeegsiga tiknoloojiyadda, si aadamigu uga faa’iideysto, isla markaas na maamulku maareyn u yeesho. Halkaas oo laga arki karo, sida Eebaheen qiyamkaas dhexdhexaadnimo hab dhammeystiran ugu soo gunaanaday Diinta Islaamka.

                                                                                                      Waxa nasiib darro ah in weli aqoontaas tayeysan loo arkin in hab waayeelnimo u hogaamin karto tacliimaha sare ee Cilmiga taas oo ay sababtu tahay: Sedbursiimo awgeed aadamiga loo arkay in uu yahay mid u heelan dagaal iyo dirir; isla markaasna hab gefsan adeegsiga aqoonta tiknoloojiyadda casriga ihi ku khasbeyso in aadamigu noqdo nafley weerar iyo dagaal u taagan.

                                                                                                      Waxa halkaas laga arki karaa in aqoonta tacliinta lagaga baaraan degayo xarumaha ay hogaaminayso, sida loo arkayo adeegsiga aqoonta tiknoloojiyadda casriga ah, una leexatay sedbursiimo iyo aadamiga oo ka marin habaaba hababkii laga filayay in maareyn horumar uu gaaro. Halkaas oo laga arki karo in aqoonta tayeysan ee ku hogaamin kartaa ay tahay; sugitaanka dhugta iyo kasmada Quraanka oo ka xoogweyn saleynta tayeynta aragtida laamaha Cilmiga isla markaasna laga arki karo, sida dheelitirka aadamigu u udub dhexaad ugu yahay in dhammaan culuunta iyo cilmiga diiniga ahba loo siman yahay oo si ay sinaan iyo cadaaladi ku dheehan tahay loogu hirgelin karo dhaqan aqooneed oo kasta. Waxa halkaas si cad looga garan karaa in maareynta sugitaanka qiyamka aadaminimo uu si fac weyn u yahay, DHAQANWADAAG; isla markaasna tixgelin aragtiyada waayo-aragnimo ee dhaqan aqooneed oo kasta hab indhawgaradnimo u adeegsan karo inta uu hanan karo farsamada tiknoloojiyadda, si uu ugu leexdo ka faa’iideysiga Cilmiga. Halkaas oo laga arki karo in tayeynta maareynta sugitaanka qiyamka dhexdhexaadnimo – aan la hanan kareyn, marba haddii la sarmo seego u caal helidda falsafadihii hore wax uga qaban kari jireen dhibaatooyinka faca weyn ee soo foodsaari jiray.

                                                                                                      Waxa hubaal ah in haatan loo arki karo in aadamigu u adeegsanayo qalabka tiknoloojiyadda, isla markaasna kureynimadeeda laga filayn in ay ka badbaadiso dhibaatooyinka faca weyn ee soo food saaray. Waxa loo baahan yahay dadyawga dunida saddexaad in hab tayeysan iska xoreeyaan aragtiyada faca yar ee hab qaab adeegsi u garwaaqsiinayo in aan loollan weerar iyo dagaal lagu gaari karayn horumar. Waxa hubaal ah saleynta indhawgaradnimo ayaa xeel tayo, oo horumar ku dheehan yahay lagu hanan karaa.

                                                                                                      NAXWAHA AF-SOOMAALIGA

                                                                                                      DOOD GAABAN

                                                                                                      Maxamed X. Xuseen Raabi
                                                                                                      (Kulliyadda Waxbarashada Lafoole)

                                                                                                      Maanta iyo intii Af-Soomaaliga aynu qorannay, waxa soo shaacbaxay weedho halhays noqday oo ku saabsan Af-Soomaaliga Naxwihiisa. Weedhahaasi aad ayaa ay u faro badan yihiin. Dooddan koobani waxa ay ku saabsan tahay xal-uhelidda weedhahaas halhaysoobay ee lixda ugu joogtaysani yihiin:

                                                                                                      1. Yaa Naxwaha Af-Soomaaliga u baahan?
                                                                                                      2. Af-Soomaaliga Naxwihiisa cidi garan mayso;
                                                                                                      3. Naxwe af-shisheeye ayaa lala doontay afkii;
                                                                                                      4. Yaa isku raacay?
                                                                                                      5. Af-Soomaaligu waa margi;
                                                                                                      6. Af aan isaguba cilmiyaysnayn sidee baa cilmi loogu baran karayaa?

                                                                                                      Haddii aynu rabno in aynu Soomaalida hadalkeeda ka dhaqno weedhahaas, waa in aynu u helno jawaabo ku habboon. Kolkaas, halkan waxa aan isku deyeyaa in aan weedh kasta jawaab ku filan ka bixiyo inta kasmadeydu awood u leedahay.

                                                                                                      1. YAA NAXWAHA AF-SOOMAALIGA U BAAHAN?

                                                                                                      Marka ugu horreysa su’aashani uma janjeedho ogaanshaha cidda Naxwaha Af-Soomaaliga u baahan; balse waxa ay u janjeedhaa in aan Naxwaha Af-Soomaaliga loo baahnayn marka loo fiirsado sida loo dhaho, waxase dhici karta in labada loola jeedo mararka qaarkood. Kolkaas waa in aan labadaba ka jawaabaa.

                                                                                                      Haddii aan su’aashan ujeeddadeeda dambe ku horreeyo, waxa ay jawaabteedu tahay waa loo baahan yahay. Aad iyo aad ayaa baahi weyn maanta loogu qabaa. Qofkii in uu Af-Soomaaliga ku hadlo doona, kii in uu qoro jecel, kii in uu akhriyo ku dadaalo iyo kii in uu dhageysta uun raba intuba waa ay u baahan yihiin Naxwihiisa. Haddii aannu hadluhu afka Naxwihiisa sugin, waxa uu noqonayaa cudurside afka iimeeya.

                                                                                                      Cudurrada uu qofka afkeena Naxwihiisa gefaa Af-Soomaaliga ku abuuraa waa ay badan yihiin, waxana ka mid ah:

                                                                                                      LAHJADAHA Naxweed ee maanta af-Soomaaliga ku badan ee u qeybsama kuwo weedheyneed (syntactical) kuwo ereyeyneed (morphological) iyo kuwo codeyneed (phonological). Kuwa weedhayneed waxa ka mid ah:

                                                                                                      1. Maxay waaye? Maxay weeye? Waa maxay?
                                                                                                      2. Maxaas yiri? Maxay yiri? Muxuu yiri? iyo
                                                                                                      3. Miyuusan iman? Miyuunan iman? Miyaanu iman?

                                                                                                      Saddexdaas tusaale mid waliba waxa uu ka kooban yahay saddex weedhood oo kala lahjad ah; sida tusaale kasta lahjadda saxa ah loo ogaan karaa waxa ay ku xidhan tahay garashada cilmiyeed ee Naxwaha af-Soomaaliga.

                                                                                                      Lahjadaha heerka ereyeyneed iyo heerka codeyneed ayaa kasii faro badan kuwa weedheyneed. Bal ereygee baa sugan naxwe ahaan ereyyadan – dhalxamag, dhalxanag, dhabxamag, dhabxanag, dhanxamag iyo dhanxanag? Codadkan suntan ee ereyyada: tuulooshin, tuuloodhin iyo tuulooyin kee baa codeynta sugan ee afkeennu ogoshahay? Kolkaas saddexdan tusaale iyo qaar kale oo badani, waxa ay jawaab sugan u yihiin su’aasha ujeeddadeeda dambe.

                                                                                                      Ujeeddada su’aashu haddii ay u janjeedho ogaanshaha cidda u baahan naxwaha af-Soomaaliga, waxa aan dhihi karaa oo idinku aydin garawsan kartaan in ay u baahan tahay cid kasta oo barashada af-Soomaaliga rabta sokeeye iyo shisheeye.

                                                                                                      Cudurrada lahjadaha dhaliya waxa ka mid ah: hadalka (oral speech) kama’a (slip of the tongue) fiiro la’aanta (fearlessness) dhego cuslaanta (hard-hearing) iwm.

                                                                                                      2. AF-SOOMAALIGA NAXWIHIISA CIDI GARAN MAYSO

                                                                                                      Weedhani waa mid hawl yari loo soo tuuray oo aan laga fiirsan ujeeddadeeda maxaa yeelay qofkii yidhi baa naxwaha af-Soomaaliga si fiican u garanaya iyada oo aan qof kale la doondoonin. Sababta oo ah weedhu waa weedh naxwe ahaan toosan.

                                                                                                      Qof aan naxwaha af-Soomaaliga garanayni weedh af-Soomaali ah oo toosan ma dhihi karo. Waxase hubaal ah in ay jiraan laba heer oo garasho, marka Naxwe gaar ahaan laga hadlayo: heer daalacan (conscious level) iyo heer dedan (subconscous level). Soomaali kastaa waxa uu afkiisa u leeyahay garashada daalacan ka sokow, garasho dedan, oo isaga oo aan ogeyn ayaa uu sharciyada naxweed ee afkiisa isticmaalaa. Haddii uu qalad dhaco, oo aanuu qaladkaas ahayn mid lahjadoobay, markiiba waa uu kasaa in uu qaladan yahay; laakiinse ma sheegi karo qaladku sharciga naxweed ee uu jebiyey ama gefay. Waxa aan filayaa markaas in weedhan ujeeddadu tahay in aanay jiirin cid tilmaami karaysa nooca sharciyada Naxweed ee af-Soomaaliga. Marka dhinacaas laga fiirsho weedhan, waxa hubaal ah in Soomaalida badidood aanay tilmaami karin sharciyada naxweed ee afkeennu leeyahay. Waxase jira dad yar oo faro ku tiris ah, oo si fiican u tilmaami kara, oo u qeexi kara af-Soomaaliga xeerarkiisa naxweed ee saleed intooda badan.

                                                                                                      Weedhan waxa aan ka dhihi karaa in ay Soomaalidu awood u leedahay in ay sixi karto qaladka naxweed ee ay gaystaan. Waxase aanay awood u lahayn in ay magacaabi karaan qaladka naxweed nooca uu yahay.

                                                                                                      3. YAA ISKU RAACAY?

                                                                                                      Su’aashani badi waxa ay soo fakataa marka qof Soomaali ihi arko sharci naxwaha af-Soomaaliga ku saabsan oo qof kale isku deyey in uu tilmaamo. Su’aashan murtideedu waa ta Soomaali badan hodday. Haddii xaqiiqda sugan ee jirta adduunka loo fiirsada, waxa qof waliba qiri karaa in waxyaabaha, cid kale iska daaye, inan iyo aabbihiis, inan iyo hooyadeed, odey iyo habartii ay isku raacaan kooban yihiin, Mararka qaarkood, iyaga oo jiritaanka shay wada qiraya ayaa ay isku diidaan habka uu u jiro, faa’iidadiisa, ama sansaankiisa.

                                                                                                      Run ahaan afafka hore looga shaqeeyey naxwahooda weli la iskuma raacin walaw qaarkood qornaayeen dhawr qarni, culimada qeexidda naxwahooda isku dayeyna aad ayaa ay u badnaayeen, aqoontooduna aad ayaa ay u qoto dheerayd. Afkeenna oo 11 sano oo keli ah soo qornaa, culimo cilmiga afafka ku xeeldheerna ay bulshadiisu ka sabool tahay, aad ayaa ay u adag tahay isku raacidda naxwihiisu. Inta yar ee cilmiga afka u leh aqoon saleed waxa kala kaxeynaya meelaha ku badan afka ee aan heerka aqoontoodu gaadhsiisnayn.

                                                                                                      Naxwaha af leeyahay jiritaankiisu waa aragti (theory) aragtiyina uma dhammaystirna farsamo (practice). Aragti kasta oo jirtaa ma sugto maaddada ay ku saabsan tahay idilkeed. Sidaas darteed ayaa aqoonyahan kastaa isugu dayaa in uu qeexo aragti ka fiican oo ka xoogroon tii ugu fiicnayd sugidda maaddadiisa. Middaasi waxa ay dhalisaa ama dhalisay in maaddo kasta oo cilmi ihi dhawr aragtiyood oo kala xoogroon ama casrisan ay leedahay. Naxwaha af-Ingiriisiga, tusaale ahaan, waxa loo adeegsaday dhawr aragtiyood oo cilmi oo mid walba ay ka dhasheen dhawr naxwe. Waxa markaas isweydiin leh sidee baa naxwe af, dhawr naxwe oo kala duwan u yeelan karaa? Jawaabtu waxa ay tahay marka uu qof shay eego, shey kasta in ayaa muuqata; ini na waa ay qarsoontaa. Shay dhammaantiis wada muuqdaa marka la fiirinayo ma jiro. Haddii aad doonayso in aad wada aragtid waa in aad kolba dhan ugu wareegtaa oo kolba dhan u rogtaa. Naxwaha af waa sidaas oo kale. Aragti kasta oo naxweed markaas meelo ayaa ay si fiican wax ugu tilmaantaa meelona waxba kama tusmayn karto. Naxwaha dugsiyada (school or pedagogical grammar) ee af-Ingiriisiga ama af-Talyaaniga ee duqsiyada lagu bartaa waa naxwe xubnihiisa fara badan loo adeegsaday xubin kasta aragtida cilmi ahaan ugu habboon lafa-gurideeda. Waxa markaas la la’yahay ilaa maanta aragti naxweed oo awood u leh in ay naxwaha af leeyahay dhammaantiis wada lafagurto. Sidaas daraadeed ayaa aanay suurtagal u ahayn ama ay u adag tahay in cilmi ahaan la isku raaco sharciyada naxwe ee af leeyahay, gaar ahaan af-Soomaaliga mudada yar qornaa.

                                                                                                      4. NAXWE AF SHISHEEYE AYAA LALA DOONTAY AFKII

                                                                                                      Murtida laga rabo in ay weedhani gudbiso, waa mid marka ujeeddada weedha la fiirsho aan xaqiiqda jirta ahaan karin. Weedhan waxa loola jeedaa, sida ay ila tahay, in af-Soomaaliga aan la cayn wereejin ee sida uu yahay naxwihiisa loo qeexo. Anigu waxba kama qabo middaas, maxaa yeelay sida qofka ku dhawaaqay weedhani jecel yahay ayaa aan aniguna jeclahay. Waxase aan hubaa haddii naxwe af kale lala doonto iyo haddii malamalayn (trial and error) Naxwihiisa lagu raadiyo in dulucdu isku naxwe isugu biyoshubanayso. Sababta oo ah lafagurid kasta waxa lagama maarmaan ku ah in ay ciriqyada iyo xubnaha dabiiciga ah ee af-Soomaaligu leeyahay ay raadiso. Af-Soomaaliga ciriqyadiisa iyo xubnihiisu waa wax gaar ah oo sugan oo iyada oo qalad dhaco mooyaan ee aanay suurtagal ahayn in la qaloocsho.

                                                                                                      Xaqiiqadu sida ay tahay murtida weedhani waa ay wiiqan tahay. Marka hoos loogu fiirsado afafka adduunka oo dhammi; Naxwe ahaan xeerarka ay iskaga midka yihiin ayaa ka xoogroon sharciyada ay ku kala duwan yihiin. Culimada cilmi afafka dhammaantood waxa ay rumeysan yihiin in kala duwanaanta afafku ay tahay baarnimo ee aanay ahayn salnimo. Waxa af af ka dhigay ayaa ka jira af kasta. Kolkaas dhammaan afafku waxa ay ka siman yihiin jiritaanka xeerar tirsan oo naxweed oo wada sameeya. Waxase ay ku kala duwan yihiin sida af kastaa ugu dhaqmo heer kasta oo naxweed. Xeerarka af waliba leeyahay waxa kamid ah wadaraynta (plural formation).

                                                                                                      Tusaale ahaan af-Ingiriisigu waxa uu lee yahay todoba dhambal-erey (allomorphs) saddex saameeya wadaraynta abyan (regular) iyo afar sameeya wadaraynta aan abyanayn (irregular). Wadaraynta abyan dhambal ereyyadooda waxa kala duwan sida codka ugu dambeeya magaca uu u soo baxo. Kuwo aan abyanayn kala duwanaantoodu waxba kuma xidhna ee waa xor. Af-Carbeedka wadareyntiisu waa ay ka duwan tahay tan af-Ingiriiska. Afar wadarood ayaa af-Carbeedka leeyahay oo aan ku xidhnayn sida codka ugu dambeeya magacu uu u soo baxo ama meesha uu kasoo baxo; Afartaas oo kala ah: (1) wadar mataamaysan (dual plural), (2) wadar lab (masculine plural), (3) wadar dheddig (feminine plural), (4) wadar jajab (broken plural). Afartaas wadarood saddexda hore ayaa abyan (regular) waxana saameeya oo baddela dhihidooda hadba magacu yeele, layeele, ama meeleeye ku sidkane kii uu yahay. Af-Ingiriisiga sidani ma dhacdo.

                                                                                                      Af-Soomaaliga dhaqanka xeerka wadareyntiisu waa uu ka duwan yahay kuwa labadan af. Isaga waxa isa saameeya xeerka caynka (gender) -lab iyo dhedig iyo labo iyo toban dhambal-erey (allomorphs) oo ku baaha afartaas cayn wadarood oo kala ah:

                                                                                                      (1) keli lab oo isu beddesha wadar lab: Miiska – miisaska;
                                                                                                      (2) keli lab oo isu beddesha wadar dheddig: Duqsiqa – dugsiyada;
                                                                                                      (3) keli dhaddig oo isu beddesha wadar lab: Lafta – lafaha, iyo
                                                                                                      (4) keli dheddig oo isu beddesha dheddig: bidixda – bidixyada.

                                                                                                      Xeerka wadaraynta sharciyadiisa naxweed ee ay sddexdan af (Ingiriisi, Carabi iyo Soomaali) ku kala duwan yihiin, waa aan guud maray. Waxase aan filayaa in guud maridoodu ku filan tahay murti ka siibidda weedhan.

                                                                                                      ***

                                                                                                      LIBRARY

                                                                                                      Sirad Yusuf Ismail
                                                                                                      (Chief Librarian of SNU)

                                                                                                      The Institution of Library is as old as civilization itself as we know it, older than paper, older than print. It extends back to the scrolls, papyrus and clay tablets that appeared near the dawn of writing, back to ancient Mesopotamian and Egyptian civilization.

                                                                                                      The basic function of all libraries was to preserve material by collection. Now they have come to serve many other purposes as well. The material they stock often includes films, slides, phonograph records, and tapes, as well books and manuscripts. Thus, by housing readily available information and the dissemination of its convenient transmission to students and others and by providing a source of instructive and creative reading, viewing, and listening for the general public of all ages, libraries play a major role in modern social organization.

                                                                                                      HISTORICAL BACKGROUND

                                                                                                      In earliest times there was no distinction between a record room (or archive) and a library, and in this sense libraries can be said to have existed for almost as long as records have been kept.

                                                                                                      During 15th century, man first made possible the creation of a significant number of relatively large collections of books. But the modern role of the library did not begin until the latter part of the 19th century which saw significant awakening. Libraries had grown in size, but their growth had been haphazard; administration had become weak, standards of service almost non-existent, funds for acquisitions were inadequate.

                                                                                                      By the end of the century new conceptions of the purpose and scope of learned libraries were everywhere lacking shape. The library then responded to three concurrent and related developments; the emergence of an urban industrial society that required a generally literate population; a serious commitment of the state to free, universal compulsory education; and the development of high-speed steam-powdered rotary presses and mechanical methods of producing paper from wood pulp, inventions that made it possible to produce books, magazines, and newspapers for everyone.

                                                                                                      Print became a mass media, and the public library became the principal instrument for making books available to the people at large. All these means simply that the technology of the 19th century industrial revolution has given way to a system of production and the library, more than any other instrument of society, opened to public use the treasury embodied in books. Early in the 20th century it became possible to record sound and motion picture.

                                                                                                      Later, radio and television made it possible to assemble audiences of tens of millions to witness living actuality. The great quantity of information now being made available has the potential to free man, to enable him to shape the world to his choosing, to conquer his ills and deprivations. All these developments place new kinds of demands on the library and open new opportunities to it.

                                                                                                      The library assembles information from countless sources and places it at the command of the individual user.

                                                                                                      TYPES OF LIBRARIES

                                                                                                      National Libraries:- In most countries there is a national or state library or group of libraries maintained by National resources, usually bearing responsibility for publishing and maintaining a national bibliographical information centre.

                                                                                                      National libraries strive principally to collect and to preserve the nation’s literature, though they try to be as international in the range of their collections as possible.

                                                                                                      UNIVERSITY LIBRARIES

                                                                                                      Like the national libraries, there are university libraries general in scope. Some of them can be compared with the greatest national libraries in their collections quality and range.

                                                                                                      Public Libraries:- The public libraries as we know it today did not emerge until the mid 19th century, although it had roots in institutions. Public libraries play an indispensable role in the Life of the community. They promote the reading of literature among grown-ups, adolescents and children. They provide familiar information and reference centre, where the modern citizen can secure reliable advice or practical assistance and where he is helped to get his bearings in the complexities of modern community life.

                                                                                                      In many cases, public libraries build up collections that relate to local interests, often providing information for local industry and commerce. Not all countries provide public library service of and equally high standard, but there has everywhere been a tendency to recognize their value and to improve services where they exist to introduce them where they do not.

                                                                                                      Special Libraries:- The national, university, and public libraries mentioned above form the backbone of the general library system in a country, looking after the needs of scholars and general public. They are supplemented by libraries established to meet the highly specialized requirements of professional or business groups.

                                                                                                      School Libraries:- In the countries in which public library legislation exist, public library services are often available to School Libraries. Technical procedures, such as book purchase and processing, are carried out by the local library

                                                                                                      Conclusion:- The library is the chief instrument so far perfected for accumulation and using man’s intellectual heritage, the accumulated wisdom of centuries. By learning to depend on letters instead of depending merely on live memory and spoken word, man has vastly increased his effectiveness in preparing youth for adulthood.

                                                                                                      Since the Library has been perfected as the principal vehicle for carrying forward and making available the intellectual resources that need to be accumulated for use, this statement means for one thing that formal education at all levels can be conducted more effectively with well-equipped Libraries.

                                                                                                      CURRICULUM CHANGE AT LAFOLE

                                                                                                      Said O. Faahiye – (College of Education, Lafole)

                                                                                                      1.1. Introduction

                                                                                                      In this paper I will try to explain how a new college perspective was designed for the college of Education at Lafole, Somali National University. I will also discuss the results of the Seminar on curriculum development and the improvement of the teaching learning process conducted for the curriculum committee of the College of Education. Since the task of the professional Educator is the design of learning systems, depending upon the objectives, the interests and responsibilities of the designers a learning system may be as large as the biggest university or as small as the individual student. Good system design implies the careful specification of requirements and objectives.

                                                                                                      Students are not infinitely adaptable and their capacities for learning are limited. It is widely said these days that there is an information explosion and that the student cannot learn all there is to know or even a substantial part of the knowledge in one field. With so much to be learned, the student must depend on greater selectivity in regard to what he learns and greater control over how the material to be learned is presented. The purpose underlying this is the notion of improvising the effectiveness of learning through careful systems design. What the College of Education did was to consider the difference in abilities, backgrounds, and the styles of learning to design the prospectus.

                                                                                                      2.1. The College Prospectus

                                                                                                      The bulletin prepared by the curriculum committee encompasses a description of all the courses offered by the College of Education. It contains a brief introduction on the functions and the objectives of the college, history of the college, admission requirements, academic standards and general Education requirements.

                                                                                                      The College of Education is composed of four divisions: The division of Science and Mathematics, the division of Social Sciences, the division of Education, and the division of languages. The divisions organize the departments, with the departments offering major and minor programs in their respective discipline fields. The division of Science and Mathematics includes the departments of Chemistry, Physics, Biology, Agricultural Science, and Mathematics. The division of Social Science includes the departments of History and Geography, the division of Education comprises the departments of Education, Physical Education, Health and Recreation and Instructional Technology. Students in the College of Education are expected to complete a required core of general Education courses, a major area of study and a minor program of study.

                                                                                                      The prospectus; production caused much writing, research, and Scientific discussions on the part of the curriculum committee and went through three phases:

                                                                                                      a) Preparation

                                                                                                      For three months the department heads with ample assistance from other faculty members worked on revising the old prospectus. It became a dire necessity to extend the duration of the course work and to add more courses and their descriptions. During this period the curriculum committee met many times to resolve incongruencies between descriptions presented by different departments. In these meetings the curriculum discussed the following:
                                                                                                      i- Curriculum change possibilities at lafole.
                                                                                                      ii- General requirements.
                                                                                                      iii- Uniform numbering for different courses, their appropriate titles and descriptions.
                                                                                                      iv- Evaluations of different courses and their credits,

                                                                                                      b) The Seminar

                                                                                                      A Seminar on curriculum development and the different ways in which the teaching learning process could be improved at the College of Education was conducted for the curriculum committee members. The Seminar was conducted for one week (Nov. 26 to Dec 1,1983). The teaching in the seminar was done by Dr. Allan Brandhorst of the University of Southern Carolina. The mission of Dr. Brandhorst was to edit, advice, supervise and coordinate the writing and the production of the college prospectus; and at the same time conduct the Seminar.

                                                                                                      Dr. Brandhorst lucidly presented the principles of curriculum development. During the course of the discussions it became apparent that to understand curriculum change it is necessary to understand the human mind. J. P. Guilfords model of the human mind; with contents, processes, and products, was an eye opener when explained by Dr. Brandhorst. Experiments carried by Piaget, Bloom, and other researchers was also examined.

                                                                                                      To get the right vantage point we must define curriculum and curriculum change. Curriculum pertains to all the intended learning goals, experiences, teaching materials, and evaluation techniques in which educators plan or use. The three most obvious aspects to consider in curriculum change are:

                                                                                                      (1) The subject matter or the curriculum change by task.
                                                                                                      (2) Educational level involved.
                                                                                                      (3) The teaching learning process.

                                                                                                      When we talk about revising the subject matter we are in the realm of the Education program. While Curriculum revision by task happens when a plan is in order. As in our case we asked ourselves the following questions.

                                                                                                      1. How can we revise the curriculum so that the students learn more about the Somali culture?
                                                                                                      2. How can we change the curriculum so that it will be more useful in the daily community of Somali villages and towns?
                                                                                                      3. How can our curriculum be changed so that the College will produce teachers who after teaching in our Secondary Schools will enable the pupils to best meet the needs of the modern world?

                                                                                                      By the Educational level it is meant standard of the students who are encompassed by the intended curriculum change.
                                                                                                      The other aspect of the curriculum which is to be considered at the advent of curriculum change is the teaching-learning process itself. To explain this three questions will suffice.

                                                                                                      The first question is: “What are we going to teach?” The answer defines the objectives, the aims, the goals or the expected outcomes of the curriculum. The second question is: “How can it best be taught?” This defines both the teaching methodology (like lectures, discussions, group projects) and the material and the equipment necessary for applying the methodology (for example, books, laboratory equipment, and workshops). At the third stage we ask: “How well are the students reaching the goals?” This defines the realm of evaluation, assessment or appraisal. All these three steps were considered in the curriculum change at Lafole. New goals, methods, materials and procedures were suggested and evaluated. The participation of the student in the teaching-learning process was emphasized.
                                                                                                      To understand the word change in connection with the title of this article it must be understood than two points in time are important here for assessing the change. The first point indicates the condition of the curriculum before the change was launched. (In the case of the college of Education the prospectus was highly compact and needed extension, elaboration, and modernization to be able to produce a contemporary teacher for the modern Secondary School) and the second point the condition of the curriculum after the entire change. The extent of the change is measured by the condition of the curriculum from the first to the second point in time. Another thing is that curriculum changes do not happen in a vacuum but happen in a social context. In our case the desire of the faculty members for change and the blessing of the University Authorities helped a lot.

                                                                                                      c) Editing

                                                                                                      In this phase of the process of the catalogue design each department was scheduled to work with Dr. Brandhorst for one day. The departments discussed their curriculum, basic objectives of individual courses, and the possibilities of extension of the curriculum.

                                                                                                      To these working sessions we invited all the professors (Somali & expatriate) who were conversant with principles of curriculum design and the different disciplines taught at the College. Furthermore at the end of each week the divisions held a common session in which most of the incongruencies were ironed out, some of the conclusions at these meetings were:

                                                                                                      1) That each department hold seminars for its faculty members to upgrade the teaching-learning process.
                                                                                                      2) That each department write the syllabus of each course identifying the topical outline, objectives, requirements and the bibliographical assignments.
                                                                                                      3) The College of Education with the help and approval of the Somali National University is to explore ways of cooperation with other colleges of Education in other countries.
                                                                                                      4) That the College develop a system in which textbooks are written for different courses offered at the college. These books are to be viable with Somali culture, environment and resources.
                                                                                                      5) That the college work closely with the curriculum development office, the examination board and the teacher training centres of the Ministry of Education to upgrade the Secondary School curriculum, the textbooks and our educational system as a whole.
                                                                                                      6) That the “teaching practice” be made an integral part of the college curriculum.
                                                                                                      7) That the college develop a system that will enable the college to acquire scientific journals and periodicals.

                                                                                                      After evaluating the project it became apparent that the college can work on a project spanning a long time. In retrospect we are of the opinion that the College gained a much needed confidence and experience.

                                                                                                      BIBLIOGRAPHY

                                                                                                      Bloom B. B., Taxonomy of Educational objectives:
                                                                                                      Cognitive domain, New York: David Mckay, 1956.
                                                                                                      THOMAS, etal: Strategies for curriculum change: case from 13 Nations: International textbook company, 1968.
                                                                                                      Brandhorst, Allan:
                                                                                                      Effective teaching in Science
                                                                                                      Effective teaching in Geography
                                                                                                      Effective teaching in History and other materials presented at the Seminar for curriculum development.

                                                                                                      REVISED PATTERN OF THE NEW CURRICULUM OF THE FOUR YEAR GRADUATE PRE-SERVICE TEACHER TRAINING PROGRAMME OF STUDIES AT THE COLLEGE OF EDUCATION, LAFOLE, SOMALI NATIONAL UNIVERSITY

                                                                                                      COMPULSORY PART:

                                                                                                      Common to all Students: core of General Education Requirements:-

                                                                                                      I. Ten Professional course offerings in Education
                                                                                                      i) Principles of Education
                                                                                                      ii) Child Development
                                                                                                      iii) Educational Psychology
                                                                                                      iv) Teaching Methods and Techniques
                                                                                                      v) Measurement and Evaluation
                                                                                                      vi) Teaching Practice
                                                                                                      vii) Philosophy of Education
                                                                                                      viii) Curriculum Development
                                                                                                      ix) Guidance and Counselling
                                                                                                      x) Educational Administration and Supervision

                                                                                                      II. English Language (Five Courses)
                                                                                                      i) Intensive English I
                                                                                                      ii) Intensive English II
                                                                                                      iii) Freshman English
                                                                                                      iv) Advanced Composition I
                                                                                                      v) Advanced Composition II

                                                                                                      III. Audiovisual Education (Three Courses)
                                                                                                      IV. Physical Education (Three Courses)
                                                                                                      V. Socialism (Three Courses)
                                                                                                      VI. Science (One Physical and one Biological)
                                                                                                      VII. Arabic (One Course)
                                                                                                      VIII. Religion (One Course)
                                                                                                      IX. Somali (One Course)
                                                                                                      X. Mathematics (One Course)

                                                                                                      During this period the College offered 6 to 7 courses in Education (i.e. (i) (ii) (iii) (iv) (v) (vii) (viii) mentioned under I (under the compulsory part in the above table).

                                                                                                      3 to 5 courses in English,
                                                                                                      3 to – courses in Audiovisual Education
                                                                                                      3 to 6 courses in Socialism and
                                                                                                      3 to – courses in Physical Education and courses in Major and Minor subjects.

                                                                                                      The Revised Pattern of the New Curriculum of the Four-Year Graduate Teacher Pre-Service Teacher Training Programme comes into force with effect from 1985.

                                                                                                      OPTIONAL PART:

                                                                                                      Combinations of Major and Minor Subjects offered;
                                                                                                      Courses in one Major Subject and Minor Subject are to be studied by each student by selecting one of the following combinations:-

                                                                                                      Major No. of Courses Minor No. of Courses
                                                                                                      1. English 16 Somali 11
                                                                                                      2. Arabic/Religion 22 History 8
                                                                                                      3. History 18 Geography 9
                                                                                                      4. Geography 17 History 8
                                                                                                      5. Biology 17 Chemistry 7
                                                                                                      6. Agricultural Education Biology 8
                                                                                                      7. Chemistry 16 Physics 7
                                                                                                      8. Chemistry 16 Mathematics 11
                                                                                                      9. Chemistry 16 Biology 8
                                                                                                      10. Mathematics 20 Physics 7
                                                                                                      11. Mathematics 20 Physical Education 3
                                                                                                      12. Physics 18 Mathematics 11
                                                                                                      13. Physical Education 32 Health 9
                                                                                                      14. Journalism 17 Arabic 10
                                                                                                      15. Somali 21 English 1

                                                                                                      NOTE: The College of Education (formerly National Teacher Education Center (NTEC)) offered four year graduate Pre-Service Teacher Training Programme from 1968 to 1974 to train Secondary School students to become qualified Secondary School Teachers. In order to meet the urgent need of trained secondary School teachers in Somalia, the College offered Intensive Two year Pre-Service Graduate Teacher Training Programme during the period from 1974 to 1984.

                                                                                                      Concept of Muslim Ummah and History

                                                                                                      Mohamed Ali (Pakistan)
                                                                                                      (Faculty of Education, Lafole)

                                                                                                      Who are we, and where do we stand now? What were the causes of our downfall, in politics, economics, socio-religious spheres?
                                                                                                      Why our youth is ignorant of its past and, depressed and disappointed about the future? Now-a-days, such questions puzzle the peoples of Moslem lands.

                                                                                                      But what can be suggested as a panaca for the ills of Moslim Ummah (Nation)? Before going into the depths of the answer to the question, first, we must consider, whether the peoples, who believe in One Book ‘The Holy Quran’, One God ‘Allah’, and the Prophet, MOHAMMAD (Salalla-huAlahai Wasalam), are to be called a ‘Moslem Ummah’ (Nation) and why? With the start of human-history, i.e. historical periods, Man is called and considered a member of the whole community, with its interests, ideals and modes of life, existing at certain times, irrespective of the distances. Revealed Books and other annals of human-past, also affirm the view that peoples living in the past were always united in the face of challenges; and defended and propagated what was near to the truth, if not exact truth. Clan-worship and tribalism along with mythological philosophies perished long time back. According to the teachings of the greatest historical religious book, the Holy Quran, Man was created out of clay, and the knowledge of the ultimate truth was given to him and he was made on the nature of Islam, but at the same time, he was endowed with a mind and heart; and was made free to meditate and think over the phenomena around him and his own person as well. Then what was the ‘DIN’ (way of life) of Noah, Abraham and of the prophets of Abraham’s lineage (SAW). The answer we find in the holy Quran, says, they were born on the nature of Islam and called Moslems.
                                                                                                      In the world of darkness, the last of the prophets came as a saviour for the whole of Universe (RAHMATULIL-ALAMIN).

                                                                                                      This was MOHAMMAD (SAW), the most dear and praised one, and a final guide to the whole humanity until the Day of Doom. With additions, he brought the faith and the DIN of his predecessors, Abraham, Moses and Jesus Christ. He was propagating and spreading the same Truth, Islam, the way of the righteous.

                                                                                                      During the life-time of the prophet Mohammad (SAW), everything was explained by himself either by deeds or words. Moslem peoples were united and strengthened into one Ummah Nation condemning distinctions of color, race, languages etc. The State was organised and integrated according to the transcedental principles of Islam governing politics, society, economic life, religious obligations and other spheres of life. Reasoning and counselling was allowed to solve the emergent and diversified problems of Moslem peoples in the world at large. All those ideas and values worked properly during the first thirty or so years of the Moslem Nation. But in later periods with the expansion and coming of new peoples into the fold of Islam, little attention was paid to the propagation of Islam, and training of the new-converts in the teachings and injunctions of the Holy Quran and Sunnah.

                                                                                                      It is an established fact that in the fall of great empires and peoples, the ‘Persons’ of palaces, princes and emperors, always played an important role. The person of emperor Nero was not the only responsible, in the fall of the Romans, but yet he contributed in that process of fall. The same is true of the Moslem Ummah; Men of intellect and responsibility misled the Moslem people. Selfishness, rivalry and greed of power made the Moslem Nation disunited and resultantly, there were crackings in the body-politic of the Moslem Nation; Thus it was divided into a lot of sects and groups. In the long period of discord and disagreement, many reformers, jurisprudents and traditionists came to the rescue of the Nation, but they were misunderstood. In our times, we often hear the names of Imam Hunbal, Imam Shafi, Imam Abu Hanifa and Iman Malik, and Imam Jafar (a decendent of our prophet), and a lot of others. These people of knowledge and reason, were simple Moslems and they just tried to be called true and devout Moslems, adhering the way of God the Sunnah of His Prophet. But soon after their deaths, peoples followed them, instead of the Sunnah of Prophet and the Holy Quran, and even regimented themselves into adamant school of thoughts, although it was not the purpose of these Imams. They laboured and bore hardships to lead the Moslem masses out of the mess and enlighten them with their scholarship.

                                                                                                      Alas! We are far away from their expectations and are in the grip of darkness. Moslem Ummah is divided into small entities of color, race, language and of materialistic interests. Also, the non-Moslem powers are in a better position to jeopardise the Moslem Nation. In such circumstances, the only saviour is the Book of Allah, Al-Quran and the Sunnah of his Prophet!

                                                                                                      “Today I have completed for you your religion; my bounty and grace have been conferred upon you conclusively; and I am pleased that your religion shall henceforth be ISLAM.”
                                                                                                      AL-QURAN.

                                                                                                      FAREWELL OH BEAUTIFUL SOMALIA

                                                                                                      S.C. SINHA – ITEC EXPERT (INDIA) – (SNU Library)

                                                                                                      I have come from India,
                                                                                                      I stayed in Somalia,
                                                                                                      Somalia is full of trees,
                                                                                                      It presents a good scenery,
                                                                                                      Here there is absolutely no confusion,
                                                                                                      Cool breeze comes from Indian Ocean,
                                                                                                      Days are generally warming,
                                                                                                      And nights, are always charming
                                                                                                      I adore you very much Somalia,
                                                                                                      Farewell Oh! Beautiful Somalia.

                                                                                                      Somali girls are always shy.
                                                                                                      But they have beautiful eyes,
                                                                                                      Somali men are by and large humanitarian
                                                                                                      They are God-fearing and are full of fun,
                                                                                                      You are so fascinating Oh! Somalia,
                                                                                                      But I am shortly leaving for India.
                                                                                                      Farewell Oh! Beautiful SOMALIA!

                                                                                                      I came here as an Indian Expert,
                                                                                                      I worked with you to my best,
                                                                                                      Working on two years deputation,
                                                                                                      Getting full and complete satisfaction!
                                                                                                      Stayed in Somalia without my family
                                                                                                      But sometimes I felt quite lonely!
                                                                                                      But Somalis are very very friendly
                                                                                                      They treated me very gently and honourably!
                                                                                                      I admire you very much SOMALIA!
                                                                                                      But could not forget my own INDIA!
                                                                                                      Farewell Oh Beautiful SOMALIA!

                                                                                                      Somalis are generally quite intelligent,
                                                                                                      Somalis are cultural and National Conscious
                                                                                                      Both are essential for National Development!
                                                                                                      They do not maintain hierarchy status.
                                                                                                      As they believe in complete equality,
                                                                                                      And always live in complete fraternity!

                                                                                                      Dipartimento Stampa e Pubblicazione
                                                                                                      dell’UNIVERSITA’ N. SOMALA

                                                                                                      Aanadii Negeeye

                                                                                                      Sheeko

                                                                                                      © Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd” 2013
                                                                                                      Xuquuqda buuggan idilkeed waxaa leh qoraaga ku magacaaban. Dib loo ma
                                                                                                      daabacan karo si kalena loogu ma tagrifali karo iyada oo aan isaga laga helin oggolaansho qoran.

                                                                                                      Aanadii Negeeye

                                                                                                      Daabiciddii 1aad
                                                                                                      ISBN 88-88934-05-7
                                                                                                      Talyaaniga

                                                                                                      Daabicidda 2aad
                                                                                                      ISBN 978-14-944680-4-0
                                                                                                      Iswiidhan

                                                                                                      Ibraahinhawd@hotmail.com
                                                                                                      www.ibraahinhawd.com

                                                                                                      ©Cover page The Tragedy by Mohamed Buwe Osman, Visual Artist & Physician.

                                                                                                      FIIRO! Aanadii Negeeye daabacaaddan dambe meelo door ah ayuu qoraagy higgaadda u beddelay si waafaqsan qorista habboon ee af soomaaliga. Laakiin haba yaraatee waxba laga ma doorin hadalka sheekada.

                                                                                                      1

                                                                                                      Waa Xamar oo sii dhimanaysa, dal dhan ayay se ugu nolol dambaysay. Laakiin isagu ma aha nin waxaas u diiraya. Beri fog ayuu nidar ku galay wax aan dantiisa ahayn in aanu xaalayn.

                                                                                                      Fillo xaafadda Booliqaran ka qotonta beerteeda ayuu kursi dhabar jiifsi leh ku dhacadiidaa. Waa caways gudcur ah. Cirka madow ee daruurta ka qaawan waxaa la moodaa xiddiguhu in ay intii hore ka badan yihiin kana waaweyn yihiin. Lo’da iyo laxaha oo galbeed miranaya ayaa si fiican loo arkaa, iyo Awrkacirka oo gelgelintii fadhiya. Badweynta Xamar dhinac jiiftaa wax ay soo afuufaysaa neecaw kulaylkii maanta jiray lagaga nefisay. Laakiin waa neecaw isaga ku abuuraysa baqdin u eg tii uu dhallaannimadii dareemi jiray. Markii uu yaraa wuxuu moodi jiray neecawdan oo kale in ay tahay neefsasho libaax, baqdin ayuuna bawdyaha isla dhici jiray. Waxay ahayd xilli fog iyo carruurnimo, carruurnimana waa ciil laga weynaaday oo ceeb ku ma aad lahayn, ayuu isugu caqli celiyay.

                                                                                                      Xabbad sigaar ah oo faraha ugu laabnayd inta uu si qoddo dheer u nuugay, qiiq uu dalqada ku raajiyayna sambabbada muggood soo afuufay, oo yar qufacay, ayuu sidii caadada u ahayd isaga oo aan bakhtiin hortiisa ku maguujiyay, mid kalena shitay, dabadeed feker dheer shaarubaha miiqay. Beerta uu fadhiyo xalay ayuu ilayskii ka gubtay welina ma uu beddelin, ka maba uu fekerin. Iftiinka yar ee wejiga ka hayaa wuxuu ka soo baxayaa kadinka aqalka oo shan tallaabo u jira.

                                                                                                      Gurigan uu caawa fadhiyo dhacdooyin badan oo xusuus leh ayuu uga soo joogay. Magac been u ma baxo ee waa sababta loogu naanaysay Fillo Adduun. Laakiin waaba habeenkii ugu dambeeyay. Iyada iyo Soomaaliya oo dhan berri ayuu ka tegayaa. Muxuu se ka la tegayaa ama kaga tegayaa? Taas ma uu rabin in uu ka fekero ee mustaqbalka ayaa kaga daran oo uu islahaa bal sii yar qooraanso. Laakiin mustaqbalku waa jirjirroole boqol weji leh, waxii laga saadaaliyaana waa uun nasiib.

                                                                                                      Waa nin weyn, nin weyna waa ku waajib in uu waxa soo socda sii oddoroso. Isagu se tagtada ayuu ka jecel yahay in uu ka fekero timaaddada. Haba xanuun badnaatee iyada ayuu yaqaan. Caawa wuxuu ku talo jiray in uu maalmaha ku soo socda wax ka sii qiyaaso, laakiin waa kaas xasuuso hore dib ugu noqday; waa kaa sidii caadada u ahayd raadkiisa dib u raacay. Waa xasuuso had iyo jeer isaga oo aan filayn sida daadka mooska soo jabsada. Waa xasuuso uu necbaa laakiin iyagu jeclaa oo aan ka tegin. Malaha jawiga mugdiga ah iyo neecawda dhacaysa ayaa caawana mar kale maskaxdiisa dib u hayaamiyay?

                                                                                                      Mar kasta oo uu noloshiisa dib u raadguro wax ay la gashaa Damalweyn. Tuulada magacaas leh iyo miyigeeda uu ku dhashay kuna barbaaray ayuu sawirradii ugu horreeyay ka soo helaa. Wuu se og yahay jiritaankiisu in uu ka fog yahay xasuusta maskaxdiisa. Waxaa ka horraysay dhalashadiisa.

                                                                                                      “Caways gudcur ah oo ay dabayl qabowi galbeed ka soo dhacaysay ayaad dhalatay”, waxaa isaga oo carruur ah sidaas u sheegi jirtay hooyadii Dhool Warfaa. ”Wuxuu ahaa jiilaal ay beeshu taallay meel dhirta soogsoogan ee madmadow la moodo soomaali qaaqaawan oo caato ah. Markii ay cadceedda ilayska iyo diirrimaadku ka sii dhammaanayeen ee ay godkeeda u sii tukubaysay, waxaa habaas ku qariyay xoolihii beesha ee soo xeroonayay. Qorraxda oo soo jeedda ayuu libaax duleedka hiinraag kaga dhuftay, ciyowga iyo fiintuna ci dheer isugu jiibiyeen.

                                                                                                      Gole aqallada ka baxsan ayay ragga beeshu iyaga oo doonyaysan oog hareeraha ka xeernaayeen. Weli waxaa la sii xog waraysanayay sahankii daallanaa ee galabtaas talada hayaanka keenay. Geeddi waa la guddoonsaday waxaa se laga sii dooday qabanqaabada. Dabadeed waxaa la maqlay cod gabdheed oo leh: ’Waa wiil! Waa wiil!’ La ma moogayn haweenayda caawa ummuli kartaa in ay tahay aniga, adiga ayaa se ahaa waxa soo kordhay.

                                                                                                      In kasta oo aad islaantii ku qabatay sida xananka u xagatay, sidii ilmo dhashay lagu yaqaannay marna ma aad ooyin. Cabbaar baa la wada aamusay oo aan raamsiga xoolaha iyo taahayga mooyee cod kale la maqlin. Dabadeed goor dambe ayuu odaygii beesha, oo ka mid ahaa raggii golaha cawayska fadhiyay, cod dheer oo la wada maqlay ku yidhi: ‘Waa oommane! Waa guri cabsiyeed! Si kasta ha ahaatee ninka dhashay ha loo mashxarado, gool ha loogu wanqalo, beeshuna ha negaato, isagana, waxa uu inoo negeeyay Allaa oge, Negeeye ha loo bixiyo’.”

                                                                                                      Hooyadii Dhool marka ay dhalashadiisa sidaas uga sheekaynayso waxay jeclayd in ay labadooda oo keliya ahaadaan. Isaguna wuxuu dareemi jiray jawi barakaysan haddana qumaynimo ku dheehan. Waxay ku hadli jirtay cod gaaban oo khushuuc leh, sida marka ay wadaaddadu ka sheekaynayaan geeridii Nebiga. Markaas wuu u dhowaan jiray dhegahana u raaricin jiray si aan waxba u dhaafin ayaandarrada ay ka hadlayso. Waxay kale oo u sheegtay:

                                                                                                      “Go’aanka odayga ee negaanshuhu wuxuu abuuray muran raggii beesha u ka la qaybiyay koox taageersan iyo koox diiddan. Aabbahaa, Eebbe iilka ha u waasiciyee, ma uu garawsan habeen uu boqolle curad u dhashay in ay ragga qaar macne la’aan ka soo qaadaan, geeddina ku adkaystaan, sidii waxa dhashay uu yahay orgi dhicis ah ee aanu dadba ahayn. Dabadeed isaga iyo Goodir ayuu murankoodu dheeraaday. Goodir, nolosha ifka Eebbe ha ku cidhiidhyo aakhirana ha ku cadaabee, cidina ma ay moogayn cadaawadda uu Alle-u-naxariisayga u qabay. Waxaa ka buuxay ciil ka soo jeeday caddalloolkii kuraynimo.”

                                                                                                      Goodir. Wuxuu ka mid ahaa dadka uu Negeeye aadamiga ugu hor bartay. Wuxuu ahaa nin dheer oo da dhexaad ah. Had iyo jeer wuxuu isku jeeniqaari jiray qori Reyfal ah iyo kishad rasaas ah. Wuxuu ka mid ahaa reer miyiga tuulada.

                                                                                                      “Marar horeba geed baa lagu ka la xidhay gartooduna waxay ahayd joogto”, ayay Dhool ugu dartay, ”waxaa se habeenkaas gacankudhiiglaha dheeraad u ahaa qoriga xun ee uu weli sito kaas oo uu beryahaas yeeshay. Gacan ha la isu la tago Goodirna si xun ha loo legdee, markii la ka la qabtay godob naf loo gooyaa goobta ma ay ool, isaguna markii uu hoygiisa galay wuu hurdo tegay mooyee hub ayuu doontay cidiba hammiga ma gelin. Gacantii go’day, markii uu qori cabbaysan golihii ku la soo dhex dhacay iyo markii marxuumka oo mayd ahi dhulka u dhacay waqtiba u ma dhexayn.”

                                                                                                      Sidaas ayuu habeenkii uu Negeeye dhashay aabbihii u dhintay. Hooyadii Dhool wax badan ma ay sugin ninkii wadku ka qaaday nin kale oo illawsiiya oo dhinaca gogosheeda bannaanaaday u buuxiya. Markiiba waxaa dumaalay nin reer miyi ahaa xaas horena lahaa, kaas oo iyada iyo inankeeda u kaxaystay beel Damalweyn ka durugsan. Markiiba Dhool nolol iyo reer cusub ayay isku duwatay. Laakiin Negeeye weligii aabbe kale ma yeelan, ninka qalaad ee guriga soo galayna dareenka xanuunka leh ee agoonnimada waxba ugama tarin.

                                                                                                      Markii uu isagu toddoba jirsaday saddex ilmood oo kale ayay Dhool lahayd. Walaalihii marka uu aabbahood dhabta ku hayo, ka ugu yarna Dhool nuujinayso, wuu dhaxamoon jiray oo moodi jiray in la nacay. Mararka qaar hooyadii ayuu gosha iskaga tuuri jiray si uu xuquuqdiisa ilmannimo wax uga helo. Laakiin Dhool oo kuwii isaga ka yaryaraa la liidata ayaa ku odhan jirtay: “Hooyo Negeeye, walaalo kaa yaryar baan hayaaye adigu nin weyn baad tahaye orod meel fadhiiso.” Dabadeed sidii gabyaa caydh ah ayuu cidla yaxoobsan jiray, oo dareemi jiray agoonnimo xanuun leh.

                                                                                                      Isla gugii uu toddoba jirsaday ayaa shaqada geela laga hawl geliyay, oo inta ul isaga ka dheer loo dhiibay lagu yidhi: “Orod geela wax ka raac!” Maalintaas ka dib wuxuu noqday qurbac geela ka mid ah oo meesha uu maraba la mara, inta uu biyaha ka qado la qada, waxii uu la kulmana la kulma. Waxay ahayd nolol arxanku ka dheer yahay oo ku dhisan tartan iyo loollan joogto ah. Kurayo la moodo in cadaabta lagu soo abuuray ayuu maalin walba la kulmay. Hurdan, legdan, beratan, bootan, ultan, caraatan, waxaas iyo wax la mid ah ayaa joogto u noqday.

                                                                                                      Markaas uu geeljiraha noqday, ee caqliyaystay, ayuu la soo baxay dabeecad xumo, xanaaq badan iyo dhego adayg. Taasi qoyskii waxay ka dhex aloostay kacdoon iyo khilaaf, ilaa ay Dhool iyo ninkeedii ku sigteen in ay ka la tagaan. Sidee xeego loo xagtaa ilkana u nabad galaan? Dhool waxay ka fekertay sidii ay ninkeeda iyo curadkeeda u ka la ilaalin lahayd reerkeedana burbur uga badbaadin lahayd. Ugu dambayn waxay talo ku gaadhay: “Negeeye, waxaan kuu geynayaa ayeydaa Dahabo. Qur’aanka ayaad baranaysaa, marka aad weynaatana waxaad noqonaysaa wadaad.”

                                                                                                      Islaanta Negeeye hooyadii dhashay ee loo geeyay waxay raqaye tuulada Damalweyn ganacsi aad u liita ku haysata. Ma ahayn ganacsi dhaafsiisan cusbo, irbado, dun, xawaash, cusbur, cillaan iyo qunjuraaf la mid ah. Waxay ku noolayd mutul yar oo hooy iyo dukaanba u ah, halkaas oo ay aad uga soo uraan waxyaalaha ay ku iibiso ama beri hore ku iibin jirtay. Halkaas ayay Negeeye ku soo dhowaysay oo cuntada ugu karin jirtay, habeenkiina sidii gorayo dhal haysata gosha gabowday dhaxanta ka gelin jirtay.

                                                                                                      Taariikhda Damalweyn wuxuu ka bartay ayaydii Dahabo. Intii aanay tuuloobin waxay ahaan jirtay degaan caan ku ah daaqa xoolaha, caws iyo caleenba. Sannadkii 1916-kii ayuu nin degaankaas u dhashay markaana Cadan ka xoogsan jiray doon ku soo dhacay, wuxuuna kayntii Damalweyn tiirka u qotomiyay rug ganacsi oo ka kooban makhaayad shaaha laga cabbo iyo dukaan laga helo waxyaalihii ay reer guuraagu u baahnaayeen. Markiiba waxay noqotay meel cammiran oo ganacsi aad u firfircooni ka socdo, isla markaana xarun lagu kulmo oo ay dadku wararka isku dhaafsadaan. Nin kale iyo nin saddexaad ayaa iyaguna dukaammo ka furtay. Haweenay magaalo ka soo guurtay ayaa iyaduna dhar, dahab, kuulo, uunsi, cillaan cadar iyo waxii ay dumar jeclaayeen oo dhan keentay. Kabotole iyo tumaal ayaa iyaguna saamaha iyo soofaha dhigtay. Shirkad adhiga iyo hargaha iibsata ayaa xarun ka dhigatay. Dabadeed waxay noqotay tuulada ugu cammiran degaankeeda oo dhan.

                                                                                                      Damalweyn ma ay lahayn, u mana dhoweyn, biyo joogto ah, sidaas darteed xilliga abaarta ma ay ahayn meel qurux leh, dad iyo duunyo waxa ku noolina darxumo ka ma badbaadi jirin. Isla beryahaas ay tuulada noqotay ayaa laga qoday dhawr berkadood, kuwaas oo in uu jiilaal dheeraado mooyee roobka xiga lagu gaadhi jiray. Xaaladda nololeed ee degaanka ee sidaas u qallafsan waxa ugu weyn ee laga fekeraa wuxuu ahaa helista biyo iyo baad xoolaha la daaqsado.

                                                                                                      Damasha waaweyn ee Damalweyn magacu ugu baxay ee hareer walba kaga xeeran waxaa galaa bixi jiray, oo sidii daruur xagaa marba dhan isu la dillaami jiray, shimbiro ka la noocnooc ah. Xilliga diraacda marka ay ugu foolxun tahay la ma waayi jirin neecaw sidda udgoonka manka (ubaxa) damasha. Xilliga roobkana waxaa la arki jiray jeegaan dhigdhexo u eg oo ku dhereran daruurta madow iyo mahiigaanka bari ka soo gurguuranaya. Inta aanay dhibicda roobka ee loo riyaaqay barta saarin waxaa ka soo horrayn jirtay saxansaxo xoog leh oo nafta farxad gelisa. Ugu dambayn marka ay daruurtu bururto reer damalweyn jacaylka ay roobka u qabaan waxay qoorta ka soo ridan jireen daaqadaha iyaga oo daawanaya dhibicda la dagaallamaysa cadawga abaarta. Marka uu roobku qaado waxaa soo rogman jiray iliilo daad ah oo ahaa farxadda ugu weyn iyo xasuusta ugu qurux badan ee carruurta.

                                                                                                      Marka ay dhulka meeshii godanba biyo fadhiistaan, ee dooggu baxo, ee xooluhu dhalaan ee irmaanaadaan, dadku sidii ay cudurka illawshaha wada qabaan ayay illaawi jireen jiilaalkii adkaa ee dhaafay iyo ka soo socda labadaba. Markaas ayay geli jireen nolol dhalanteed u eg. Meel walba waxaa laga qotomin jiray aroos cad, habeen walba waxaa isu bixi jiray jiibta iyo jaanta cayaaraha, waxaana la isu tirin jiray maanso faan, xifaale iyo haasaawe intaba leh. Qurux janno ah oo ay Dahabo sheegto in dhulkaasi lahaan jiray Negeeye iyo inta la faca ahi ma soo gaadhin. Waa dhul bir iyo baabbaco lagala daalay. Dhismayaasha tuulada oo dhan tiirarka ku wada qotoma meel kale laga ma keenin ee waa dhirta midba kii uu ka weynaa kana toosnaa oo gunta laga soo gammuuray.

                                                                                                      Gudaha Damalweyn dadka ku nooli ka ma badnaan jirin boqol qof, laakiin dadka cammira ee ay ku dhisnayd waxay ahaayeen reer guuraaga aroortii soo gala galabtiina ka ka la carraaba. Tirada reer guuraaga yimaadda qudheedu waxay ku xidhnayd xaaladda degaanka iyo xilliga la joogaa aaran iyo abaar ka uu yahay.

                                                                                                      In kasta oo ay tuulada wada degi jireen laba qabiil oo ay colaad guun ahi ka dhexaysay, haddana sidii loo dhisay waxay ahayd meel xasilloon. Marar badan dhiig wuu ku daatay, rag labada cidood ku kala abtirsadana nafta waa lagaga jaray, hayeeshee weligeed balaayo guud oo labada qolo isku dhufataa ka ma dhicin.

                                                                                                      ***

                                                                                                      Duqayda beelaha ka dib awoodda ugu weyn waxaa lahaa Aw Faarax oo dhammaan shaqooyinka diinta keli ku ahaa: imaam, macallin, mufti, wacdi, meher iyo furriin, dhaxal, fasirka riyada, abaabulka siyaarada, qorista qardhaasta, tufidda tahliisha iyo oddoroska qiyaamaha. Haa, xataa oddoroska qiyaamaha. Wadaadku wuxuu ahaa codkar marka uu furo baabka cadaabta iyo ciqaabta Rabbi awood u leh in uu cabsi iyo argaggax dadka gilgilo. Sidaas si la mid ahna farxad wada ruxa marka uu dhex galo baabka jannada iyo togagga bishaarada. Labadaa daaqadood ee uu dadka aakhiro ka tuso hadba ta uu furayo waxaa u sabab ahayd dantiisa maalintaas. Tusaale ahaan haddii ay dadku ka jeestaan allabariga iyo siyaarada awliyada, taas oo uu isagu lufluf badan ku qabay, wuxuu xasuusin jiray dunida in waqtigeedii dhammaaday oo shiigii la galay, oo sidii derin laga toosay dhakhso loo duubi doono.

                                                                                                      In kasta oo ay taasi marar badan beenawday haddana mar kasta oo ay dadku maqlaan baqdin cusub ayaa ku bilaaban jirtay, xoolaha ayayna birta ku boobi jireen, dheryo waaweyna dabka ku la yaaci jireen. Aqal walba waxaa ka bixi jiray qiiq udgoon ducada Aw Faarax ayaana la ka la boobi jiray. Isaguna waa sidii uu rabaye maalmahaas caloosha iyo jeebabka ayuu buuxsan jiray.

                                                                                                      Maxaa looga baqi waayay oo loo qaddarin waayay ma cid aan isaga ahayn baa ammuuraha Ilaahay ee dahsoon ka war keeni karta? Ma cid aan isaga ahayn baa warbixin sidaas u tifotiran ka sheegi karta dhulal badaha ka shisheeya, meelo cirka ka sarreeya ama dhusunka ka hooseeya iyo dhacdooyin xasuusta iyo waaya’aragnimada daka ka baxsan? Ma cid aan isaga ahayn oo reer damalweyn ah baa boqol afar iyo tobanka Qur’aanka iyo axaaddiis badan dusha ka haysa, iyo weliba mowliidka? Miyayba jirtaa cid aan isaga ahayn oo inta ay kitaab ka la furto farta madmadow ee ku qoran wax ka macnayn kartaa? Ma waxaan yaab lahayn nin soddon arday oo midba Qur’aanka meel ka marayo isku mar dusha uga yeedhinaya, isaga oo aan aayad keliya mid kale ku qaldin? Waa ninka ay toban arday isku mar casharka uga baxayaan, ee ka xaraf keliya higgaad ka qalda dhegta soo qabanaya.

                                                                                                      Aw Faarax sidaas ha loo sharfo, ha looga dambeeyo, awooddaas badanna ha lahaado, waxaa se jiray golayaal aanu foodda soo gelin. Gaar ahaan haddii arrin dagaal laga hadlayo, ama laba nin iyo laba reer loo garnaqayo, isaga iyo dumarku waa ay u sinnaayeen. Haddii uu maqan yahay la ma tebo haddii uu joogana la ma tiriyo. Cidina u ma diiddo ee isaga ayay dantiisa lid ku tahay. Xoolaha xerada ugu jira neefba reer ayuu ka soo xidhay, hu iyo hooy waxa uu hanti lee yahayna shayba qof ayuu ka helay, sidaas darteed dhexdhexaadnimada in uu ilaaliyaa waa ku waajib.

                                                                                                      In kasta oo marka uu dadka waaweyn la dhaqmayo xushmad badnaa, marka uu malcaamadda joogo wuxuu ahaa qof kale, had iyo jeerna waxaa la arki jiray isaga oo ul dheer carruurta ku la dhex jira. Carruurtu sinaba u ma ay jeclayn oo naxariis la’aan darteed waxay u bixiyeen “Xayle Selaase”.

                                                                                                      Malcaamaddu waxay ahayd cariish ka dhisan tiirar iyo caws. Albaabka waxaa labada dhinac kaga meegaarnaa ardaa ka samaysan laamo geedquwaax dhulka lagu taagay oo inta ay baxeen dhir noqday caws iyo duurna lagu dugsiyay. Ardaagaas ayaa aroorta iyo fiidka oog laga shidi jiray ardayduna hareeraha ka fadhiisan jireen. Halkaas ayay Qur’aanka kor ugu qaylin jireen si Carshiga looga maqlo.

                                                                                                      Tirada ardaydu waxay ku xidhnaan jirtay hadba xaaladda nololeed ee degaanka iyo beesha deggani inta ay la’eg tahay. Haddii ay roob la’aani degaanka ka dhacdo, oo ay beeshu dhul kale u naqraacdo, carruurtu iyaduna cidahooda ayay raaci jirtay.

                                                                                                      Malcaamaddaas ayaa Negeeye lagu daray. In kasta oo uu bilawgii xiiseeyay markiiba wuu ka daalay, gaar ahaan wuxuu necbaystay usha ma naxdada ah ee macallinka.

                                                                                                      Aw Faarax walow uu sidiisaba ardayda u arxan darraa, ushiisa kululi waxay Negeeye uga dul dhaqaaqi wayday yarku wuu gurranaa. Haddii uu qalinka gurta ku qabsado inta uu ul xanuun badan ku jiido ayuu ku canaantaa: “Midigtu ku go’day ee diinta midigta ku qor!” Dahabo qudheedu haddii ay aragto isaga oo gurta wax ku cunaya ama ku qabsanaya sidaa si la mid ah ayay u canaanan jirtay. Dabcigaa uu ku dhashay in uu beddelaa u ma fududayn, sababtaas ayay dhengedda macallinku joogtu ugu ahayd. Gureynimadu in ay tahay dhalan aan dhib ku jirin la ma garawsana, ee mar haddii uu Nebigu midigta u dardaarmay waxa bidixda loo adeegsadaa waa shar, sheydaanka oo keliya ayaana bidixda ku shaqaysta. Sidaas ayuu Negeeye gacantiisa bidix u la colloobay oo cuqdad uga qaaday. Marka uu arko isaga oo ogaan la’aan wax ugu qabsanaya inta uu naxo ayuu degdeg u beddeli jiray.

                                                                                                      Bilawgii waxaa ku adkaatay ka la garashada labadiisa gacmood, baqdin joogto ah ayaana ku dhalan jirtay mar kasta oo uu meel macallinka iyo Dahabo ka arkayaan wax ku qabsanayo. Waxaa se caawisay oo uu ku calaamadsaday bar uu faryarada bidix ku lahaa, taas oo uu u la baxay “barta sheyddaanka”. Gacanta uu wax ku qabsanayo horta wuxuu ka eegi jiray in ay tahay tii lahayd “barta sheyddaanka” iyo in kale. Qunyar qunyar ayuu dabadeed u caadaystay in ay midigtu noqoto ta uu sida tooska ah u adeegsado. Ha ahaatee nacaybkii uu berigaa bidixda u qaaday weligii ka ma uu bixin. Dugsiga sidaas ah sinaba u ma uu jeclayn. Mar haddii se ay carruurta kale oo dhamiba dhigtaan ka ma fekeri jirin wax aan ahayn in uu marba jus dhammeeyo, si ay Dahabo xaflad yar oo timmir, bun, salool iyo nacnac ka kooban ugu samayso. Sidaas ayuu laba sano looxa u sitay, ulaha kulkulul ee macallinka iyo aayadaha adadag ee Qur’aankana ugu dul qaadanayay.

                                                                                                      Ardayga jus dhammeeya macallinku wax uu ka qaadan jiray sabeen ama qiimo u dhigma, ka Qur’aanka khatimana qaalin geel ah ama qiimo u dhigma. Ha yeeshee labada jus ee uu Negeeye dhammeeyay midna habartu wax muuqda ka ma ay siin. Maba ay haysan. Aw Faarax qudhiisu mar haddii uu xaalka habarta ogaa wuxuu iska iimaansaday martiqaad cunto ah iyo sarrif yar oo ay Dahabo dulaca ka soo furtay. Waxii uu maanta waayo in uu maalin kale helayo ayuu ku niyadsan yahay. Dadka uu Qur’aanka baro inta ay ifka ku wada nool yihiin abaal ayuu ka maali doonaa, waxii uu ka waayaana waa dhito aakhiro u taal.

                                                                                                      Waa dabiici koox kasta oo carruur ah muddana meel wada joogta in uu loollan ka dhex dillaaco, dabadeed qunyar qunyar loogu ka la miirmo in la muquuniyay iyo in wax muquunisa. Kooxda wax muquunisa qudheeda ayaa isa sii ka la reebta ilaa uu ka soo baxo mid aan laga daba hadlin. Khasab ma aha kaasi in uu yahay ka ugu da weyn ama ugu xoog badan. Mana noqdo ka ugu debecsan ee ugu nabad jecel. Badanaa waa mid shar badan oo aan baqin fadqalalladana ka wahsan.

                                                                                                      Negeeye markii uu malcaamadda isaga oo sagaal jir ah bilaabay ardayda inta ka yaryar iyo inta ka waaweyni qiyaastii waa ay isla’ekaayeen. Laakiin mid ka yar iyo mid ka weyn, mid uu isagu daandansado iyo mid isaga soo doonta, mid uu isagu dakhro iyo mid isaga dila, bilawgii intooda badan waa ay isfarosaareen. Noloshii geeljirnimada ee adkayd iyo tan malcaamaddu waxay u yeeleen dabci qallafsan oo dirir u joog ah, wuxuuna noqday qof aan nixin oo damqan. Gugii u kordhaba wuxuu sii noqday macangeg qalqaalli ah, ilaa ay carruurta kale, xataa kuwa isaga ka waaweyni, eray ku soo celin kari waayeen. Dhammaan dhinac ayay ka wada noqdeen. Si ay sharkiisa uga nabadgalaan ayay wanaaggiisa wada gooyeen.

                                                                                                      Gaarka laga wada dhigay iyo gooniyayntu sida la fili karo Negeeye ku ma ay abuurin kelinnimo ee isaga waxaa uga muhiimsanayd in ay carruurta kale ka baqayeen oo aan midkoodna ku soo dhici karin. Taas ayaa u suurto gelisay in uu malcaamadda iyo macallinka uu aad necbaa u dulqaato. Saaxiibka keliya ee uu yeeshay wuxuu noqday Diiriye, yar dalbo leh oo ay isku da ahaayeen, kaas oo uu dhalay dillaalka Damalweyn.

                                                                                                      Diiriye oo lagu naanayso Dalab Negeeye wuu ka dabeecad furraa, qudhiisana bilawgii marar badan ayay isdileen. Laakiin dagaalkoodii ugu dambeeyay waa kii ay ku saaxiibeen. Maalin ayay tuulada debeddeeda dhulka ka heleen shilin lacag ah. Run ahaantii Diiriye ayaa hor arkay lana booday. Laakiin Negeeye damac badni darteed ayuu lacagtii isjeclaysiiyay, wuxuuna ku dooday in uu isagu hor arkay. Waa ay isdileen oo ilaa gabbaldhacii marba mid la legdayay. Meeshu waxay ahayd bannaan ciid ah, sidaas awgeed midkoodna ma haleelin gacanqabsi, wax weyna isma ay yeelin.

                                                                                                      Negeeye sheegashadii gardarrada ahayd waddo cad baa laga mariyay, wuxuuna ku dhaartay in uu maalin kale aarsan doono. Waxa ay se ahayd dhaar taagwaa. Goor dambe iyaga oo wada socda, oo aan cabbaar wada hadlin, ayuu Diiriye si lamafilaan ah shilinkii Negeeye ugu soo taagay oo ku yidhi: “Aniga ayaa helay, laakiin hoo iska qaado.” Negeeye lacagtii wuu qaatay, wuxuuna ku abaalguday in uu la qaybsado.

                                                                                                      Diiriye runtii Negeeye lacagta u ma uu siin in uu ka baqayay, waayo haba ka rabshad badnaadee ka ma uu adkayn. Waa ay isugu baxday oo wuxuu rabay in uu ka dhigto saaxiib uu ciyaalka kale iska celintooda u kaashado. Negeeye qudhiisu mar haddii aanu asxaab kale lahayn wuu dareemayay in uu saaxiibtinimada Diiriye u baahan yahay. Dhanka kalena dabeecadda Diiriye ayaa ahayd in uu wax lamafilaan ah sameeyo. Ma jecla gacan ka hadalka, wax walbana dhakhso ayuu u illaawaa, awood aan caadi ahayn ayuuna u lee yahay xaalad kasta oo taagan in uu mid kale u rogo. Dhakhso ayuu isu beddelaa, oo haddii ay qof kale wax isku khilaafaan waa ay fududdahay in uu abuuro arrin tii hore meesha ka saarta. Sidaas darteed waa ay adag tahay in ay cid isku dhacaan. Debecsanaantaas Diiriye ayaa ah sababta ugu weyn ee isfahamkooda, iyada ayaana burburisay macangagnimadii Negeeye.

                                                                                                      Diiriye isaga oo toddoba jir ah ayaa la guday, waana arrin muhiim u ah marka ay isaga iyo Negeeye oo aan gudnayni isqabtaan. ”Maxaan buuryoqab ka la hadlaa!” ayuu ku xifaaleeyaa. Negeeye wax kasta iyo si kasta oo kale Diiriye ha isaga celiyo, wuu se og yahay buuryoqabnimadu in ay tahay xaqiiqo aanu iska difaaci karin.

                                                                                                      Isaga oo taa khaati ka jooga ayuu dillaalka Diiriye dhalay oo ay dadka Damalweyn isugu xigaan maalin ku yidhi:

                                                                                                      “Adeer, waxaan doonayaa in la i gudo.” “Waa diraac ee bal aynu dayrta dhawrro”, ayuu ugu jawaabay. Wuu fahmayay waxa dayrta iyo gudniinka ka dhexayn kara. Wax kasta oo muhiim ah waxaa la qabtaa xilliga barwaaqada ee cadka, caanaha iyo subagga laga haqab la yahay ee la deggan yahay. Laakiin dayrtu isaga aad ayay u la fogayd, kun xifaale oo Diiriye iyo carruurta kale ah ayaa ka sokeeya.

                                                                                                      Maalintii ay isaga iyo Diiriye shilinka qaybsadeen Negeeye wuxuu iibsaday makiinad, guriga ayeydiina wuxuu ka qaatay miiq dun ah iyo in isbiirte ah. Dabadeed aroor hore markii waagu caddaaday qorraxdu se weli soo bixin ayuu tegay meel tuulada ka baxsan. Xabbad caleen ah inta uu geed balanbal ah ka goostay, oo xajiinta ka nadiifiyay, oo dhexda ka dalooliyay, ayuu agtiisa dhigtay. Inta uu guntiga furtay, badhidana dhulka dhigtay, ayuu buuryada duntii afka kaga giijiyay. Markii uu duntii gacanta bidix ku jiiday ee ay buuryadii xubinta inteeda kale ka soo dheeraatay ayuu makiinaddii oo gacanta midig ugu jirta si xoog iyo degdeg ah laakiin taxadder leh ugu dhuftay. Markii uu cad madow oo foolxumi duntii la go’ay ayuu nabarkii oo dhiig ka soo booday markiiba isbiirtadii ku shubay, dabadeed caleentii uu dhexda ka dalooliyay dib ugu gufeeyay, ilaa ay goobadii nabarka ahayd gadaal isugu ururtay. Intaas ayuun bay ahayd. Wuu xanuunsaday laakiin ma ooyin.

                                                                                                      Maalintaa ka dib halkii uu awal Diiriye in uu gudan yahay ku faani jiray Negeeye ayaa ku faanay in uu isagu isguday.

                                                                                                      ***

                                                                                                      Carruurta uu Aw Faarax wax baro waalidka dhalay aroortii ay u keeneen ayay ku la heshiiyeen inta uu gacanta ku hayo in uu hilibkooda lee yahay iyagana lafaha u reebo. Jimce walba waxay soo guraan ulihii toddobaadkaas lala dhici lahaa. Ka xujooba inta indhaha laga duubo ayaa jidhkiisa dhaylada ah oo qaawan dhenged lagu jejebiyaa, ama ilmaha kale lagu amraa in ay qandhuufo ku googoostaan, taas oo ah ciqaab loo yaqaan washamsi. Ka casharka ka bixi kari waaya intaas waxaa loogu daraa in oonta laga soomiyo. Waxaa la rumaysan yahay in sidaas diinta lagu baran og yahay. Malag Jibriil markii uu Nebiga waxyiga u keenay waa kii sida ba’an u gilgilay, ayaa daliil laga dhigtaa.

                                                                                                      Arbaca walba fiidka waxaa la isu qaybiyaa saddex kooxood oo ay midiba Qur’aanka meelo isu dhow ka marayso, dabadeed subcis loo yuurursadaa. Negeeye iyo Diiriye isku koox ayay noqdeen waana ay isdhinac fadhiisan jireen si marba ka aayad ama eray ku hakada ka kale hoos ugu sheego. Haddii uu macallinku taa maqlo ka wax sheegay iyo ka loo sheegay waa isku denbi, waxaana ku hoorta usha kulul ee saddexda kooxood marba mid dul hoganaysa.

                                                                                                      Aw Faarax isaga oo carruurta sidaas ugu gacan kulul, isla markaas qalqaallinnimada Negeeye la socda, haddana laba arrimoodba intaa xasuusta wuu ku hayay: Negeeye in uu agoon yahay iyo isaga, Aw Faarax ahaan, in ay Goodir ilmo adeer yihiin, ninka Negeeye aabbihii gacantiisa loo tirinayo. Yarka qudhiisu isaga oo sidaas u yar ayay dadka Damalweyn ku nooli u ka la soocnaayeen, qof walbana inta ay isu jiraan iyo sida ay isu xigaan ama aanay isu xigin wuu bartay. Taas darteed Aw Faarax iyo Goodir in ay ilmo adeer yihiin wuu og yahay. Arrimahaas oo dhan dartood malcaamadda iyo macallinka aad ayuu u necbaa, wuu se u dulqaadan jiray jeer la gaadhay subaxdii dulqaadku dhammaaday.

                                                                                                      Waa sabti, macallin Qur’aankuna sidiisaba sabtida wuu sii arxan daran yahay, oo waa sababta beri fog loogu bixiyay “sabti serged qooqan”. Ardaydu iyaga oo oogta ku xeeran ayay akhriska ku qaylinayaan. Macallin Faarax oo salaaddii subax soo tukaday waa kan. Sidiisii ayuu ul baas dabada haystaa oo la haliilayaa. Markiiba carruurtii ayuu garaacid ku bilaabay, si uu sheyddaanka iyo hurdada uga kiciyo. Negeeye xalay qadoodi buu ku seexday, saakana iyada oo aan canjeeladii weli loo dab shidin ayuu ka soo jarmaaday, sidaas darteed cod gaaban ayuu casharka ku akhriyayaa. Markii ay ushii ugu horraysay ku dhacday ayuu fadhigii ka booday, oo inta uu dib u baxay macallinkii loox u baaciyay.

                                                                                                      “Car ul dambe igu dhufo, cadow yahow cadowgu dhalay!” Macallinku isaga oo la yaabban waxa saaka yarka qaaday ayuu gacantii uu looxa ku baacinayay dhenged kulul kaga jiiday isaga oo leh: “Waar fadhiiso, malcuun yahow dhegaha xumi!”

                                                                                                      Intaas waxaa xigay looxii labada kiilo ahaa jirjirkiisa oo wadaadkii maskaxda ka cuskaday. Dhawr tallaabo oo dalanbaabi ah ayuu iska dabo wareegay, dabadeed sidii awr jabay isbarkaday. Markii ay carruurta kale ku soo urureen waxay la kulmeen madax ka la jeexan oo dhiigu dhan walba uga burqanayo iyo taah dheer oo la moodo libaax uu waran sambabka wareemay.

                                                                                                      Dhaawaca Aw Faarax gaadhay wuu xumaa, muddo ayuuna dhinaca dhulka ku hayay oo ardaydii la ka la diray. Taasi carruurta wax ay u ahayd farxad aan qiyaas lahayn waayo waa ay nasteen, laakiin dadka waaweyn waxay ku ahayd qaadanwaa.

                                                                                                      “Waa duni aakhir samaan! Xaggee sheeko iyo shaahid lagu maqlay laguna arkay qof macallinkii diinta u dhigayay dhiiggiisa daadiya!”, ayaa lagu celceliyay.

                                                                                                      Negeeye waxaa lagu tilmaamay sheyddaan muuq insi leh iyo qof habaar qaba, waxaana loo jeediyay hiif iyo haaraan. Maalintaas ka dib “Habaarqabe” ayaa naanays u noqotay.

                                                                                                      “Waar orda agoonka iskaga taga. Haddii uu nin loox la dhacay imisaa nin xabbad lala dhacay”, ayuu maalin ugu hiiliyay odayga dillaalka ah ee Diiriye dhalay oo ay reer ahaan Negeeye isxigaan.

                                                                                                      Negeeye taa abaal badan ayuu ugu hayaa. Odayga se dadku wax ay kor iyo hoosba ugu sheegeen hadalkaasi in uu ahaa waabay Negeeye wadnaha kaga dhici karta. Balaayadu waa ay huruddaaye nacdali ha korto ka toosiya.

                                                                                                      Macallinku waxii uu qoon u yeeshay dadka ay Negeeye magta leh yihiin ayaa laga ururiyay. Markii uu ladnaaday ee shaqadii dib ugu soo noqday waa uu ka dhaartay in uu Negeeye Qur’aan dambe baro. Dahabo oo tukubaysa ayaa subax u tagtay si ay Negeeye uga maslaxdo, wuxuuna ugu jawaabay:

                                                                                                      “Dahabo, Qur’aanku waa qawlkii Eebbe, qofkanina waa sheyddaan. Markaas miyaynnu sheyddaan diinta ku khasaaraynaa?”

                                                                                                      Dahabo waxay islahayd waa adigan aakhiro u socda ee aad isaga diinta bartid oo ajarkiisa jiscin ka sii dhigatid, sidaas darteed maalintii oo dhan waa ay barooranaysay.

                                                                                                      Wadaadku isaga oo ka faa’iidaysanaya awoodda iyo saamaynta xoogga leh ee uu caqliga bulshada ku lee yahay, ayuu ku dhaartay Negeeye in uu ku arkay sifooyinkii ahlu naarnimada oo dhan. Isaga oo aamusan sida uu eegmada wax ugu gubo, nabarka lagu dhufto sida aanu uga damqan, sida uu Qur’aanka iyo malcaamadda u neceb yahay, waxaas oo dhan Aw Faarax wuxuu ku sheegay sifooyin sheydaan. Dadkuna iyaga oo taa rumaystay ayuu qofka uu ka soo hor baxaaba sheyddaanka iska naaraa, Ilaahayna ka tuugaa ubadkiisa in aanu isaga oo kale ka dhigin.

                                                                                                      Duqdu, sida dadka kale oo dhan, wadaadka aad ayay uga dambayn jirtay, muddadiibana mar ayay mutulka raashin ugu samayn jirtay. Habeen habeennada ka mid ah markii uu hilib ay halkaa ku siisay afka ka qaaday ayay ku tidhi:

                                                                                                      “Sheekh, kan dhegaha waaweyn baan islahaa diinta bar bal in uu godka kuugu soo xuso, isagiina waa kaas sheyddaan duufsaday ee bal in Alle soo hanuuniyo iigu ducee.”

                                                                                                      Wadaadku beryahan Negeeye magaciisa afka ma soo mariyo oo marka uu tilmaamayo wuxuu ku magacaabaa ”Habaarqabe”. Meeshii nabarku kaga dhacay inta uu gacanta ku salsalaaxay madaxana ruxay ayuu yidhi:

                                                                                                      “Qaddaran maqduuran! Xagga Rabbi ayay ka ahaatay. In kaa loo duceeyaa waxay la mid tahay in ibliis loo duceeyo.”

                                                                                                      Markii ay sidaas u wada hadlayeen Negeeye in uu hurdo ayay moodayeen, wuu se maqlayay. Aad ayuu habeenkaas uga fekeray dhab ahaan in uu shaydaan yahay iyo sababta uu Ilaahay uga dhigay. Wuu baqay, wuxuuna u cadhooday Faarax oo uu mooday in uu isagu Ilaahay ku diray. Wuxuu kale oo ka fekeray Ilaahay sida uu u arko Goodir.

                                                                                                      Mar haddii uu Negeeye riyadeedii ku ballan furay iyaduna maalintaas ka dib wax badan ayay ka dhintay daryeelkii ay siin jirtay. Marka ay u xanaaqdaba inta ay gacan culus oo gabowday ku dhirbaaxdo ayay ku hiiftaa:

                                                                                                      “Habaar qabayahow, iiga bax gurigayga!” Dabadeed wuxuu galay nolol iskorisnimo ah. Awalba wuxuu ahaa qof dhib badan, laakiin haddii wax la yeelo waxaa la maqli jiray qof yidhaahda “waar agoonka daaya”, laakiin laga bilaabo maalintii uu macallinka looxa ku dhuftay cidina u ma naxdo, cidina u ma naxariisato, cidina u ma hiiliso. Qofkii ka tabar rooniba marka uu doono dhirbaaxo kulul ayuu kaga soo gooyaa ama dhenged ayuu ku jiidaa, isaguna ma ooyo. Wuxuu u eg yahay dadkuna moodaan wax aan damqan. Laakiin runtii aad ayuu u damqan jiray, ilkaha ayuu se isgelin jiray, waxii la yeelana mar caloosha ayuu ku guntan jiray marna ciyaalka uu ka adag yahay ayuu ka gooyn jiray.

                                                                                                      Nacaybka dadka iyo hiifkooda joogtada ah ha ka xanuunsado, laakiin Negeeye markii malcaamadda laga eryay isagu wuxuu dareemay farxad badan. Haddii ay dadka waaweyni ku tilmaameen “Habaarqabe” carruurtu waxay u arkeen halyeey, waxayna ku wada riyoodeen in ay sidiisa Macallin Faarax loox madaxa ka la dhacaan, si malcaamadda looga eryo. Markaa ka dib wuxuu helay xorriyad badan oo uu jeclaystay. Wuxuu bilaabay shaqooyinka yaryar ee tuulada hadba ta uu fursad ka helo, sida xaabo gurid, biyo dhaamin iyo xammaal. Isaga oo tunkiisa iyo tagoogtiisa aan weli gaammurin adeegsanaya ayuu bilaabay in uu baabuurta aan badnayn ee tuulada timaadda rarka ka rogo ama ku raro. Ha ahaato ee ma ahayn xoogsi joogto ah, waxa uga soo baxaana uguma fillayn nolol maalmeed iyo arradbeel. Taas darteed ma uu huri jirin in uu ayeydii Dahabo gacanta hoos dhigto. Habarta qudheedu imika waa cad wayna indho darraysay, wax macno lehna ma haysato, laakiin guri ayeyo guntin laga ma waayo.

                                                                                                      ***

                                                                                                      Berigii Negeeye malcaamadda laga eryay mutulka waxaa ku soo korodhay gabadh ka timid miyi fog oo ay islaanta qaraabo yihiin. Magaceeda waxay ku sheegtay Amran, waxayna ahayd siddeed iyo toban jir Negeeye ka weyn lix sano oo ku dhan.

                                                                                                      “Mar haddii aannu ayeydaa qaraabo nahay, adigana waxaynu nahay qaraabo”, ayay Negeeye ku tidhi.

                                                                                                      “Laakiin qaraabadu maxay isu yihiin?” ayuu sii wayddiiyay. Cabbaar ayay fekertay, waxayna garan wayday wax ay ku sheegto. Waxaa jirta qaraaboqansax aan waxa la isu yahay fogaan darteed magac loo aqoon.

                                                                                                      “Waa xigto. Labadeennu walaalo ayaynnu isugu yeedhi karraa.” Wuu maqlaa dad aan walaalo ahayn haddana “walaal” isugu yeedha, labadoodana mar haddii ay Dahabo dhex u tahay wuxuu u qaatay in ay wax uun isu yihiin. Sababta ay u timid waxay ku sheegtay caawinta islaanta, laakiin run ahaan sidaas ma ay ahayn oo beri dambe ayuu runta ogaaday.

                                                                                                      Amran markii ay timid mutulku si foolxun ayuu isugu daadsanaa, markiibana waxay bilawday in ay ka la habayso. Waxyaalo aan sannado badan la taaban ayay furfurtay oo qaar tuurtay qaarna meel ku habboon dhigtay. Mutulkii xumaa waxay u egaysiisay meel lagu noolaan karo. Islaantu ma ay doonayn waxeeda in laga taabto, waxayna jeclayd wax waliba in ay sidooda u ahaadaan. Marar badan ayay iyada iyo Amran sababtaas isku khilaafeen. Laakiin runtii waa ay ogayd in ay imaatinka Amran u ayday.

                                                                                                      Negeeye in kasta oo uu Amran bilawgii ka xishooday aad ayuu markii dambe ugu riyaaqay imaatinkeeda, wuxuuna u arkay qof qurux badan oo dabeecad suubban. Maalin iyada oo beddelanaysa ayay hortiisa dharka oo dhan iskaga siibtay. Wuu khajilay, iyadana wuu xushmaynayay oo ma uu rabin in ay eegmadiisa ka xumaato, haddana markii uu arkay wuu ka jeesan kari waayay oo sii daawaday. Waxay lahayd jidh aad uga qurux badan kii Dahabo ee u ekaa maansocagaley jiilaal. Keedu ma lahayn laablaabkii iyo qaab darradii ka Dahabo oo waxaad moodaysay in malab saafi ah la mariyay. Si gaar ah wuxuu u la sii yaabay labada naas oo aan wax la qurux ah weligii arag. Waxay u ekaayeen laba toobin jidhka, intiisa kalena waa ay ka yar caddaayeen, ibaha se waxaad moodaysay in khad madow laga mariyay.

                                                                                                      Iyadu eegmadiisa dan ka ma ay gelin ee markii ay dharkii gashatay ayay inta ay dhabanka ka dhunkatay ku tidhi: “Waxaan ahay walaashaa ee waxba ha iga xishoon.”

                                                                                                      Gogosha mutulka taallay oo yarayd darteed isaga iyo Amran isku gogol ayay noqdeen, sidii Dahabo ayayna laabta gelin jirtay, gaar ahaan marka ay dhaxani jirto, si ay isu dugsadaan. Isaguna wuu isku sii dhejin jiray ilaa uu laabteeda, caloosheeda, bawdyaheeda iyo jidhkeeda diirran oo dhan wada dareemo. Berigaas hurdada uu seexan jiray macaankeeda mid la mid ah hore u ma uu seexan.

                                                                                                      Amran iyada oo aan Damalweyn wax badan joogin ayuu Negeeye ogaaday in la xanto. Marar badan ayuu maqlay hadalhayn iyada ku saabsan, oo arkay carrab iyo il ku godan. Erayga “qumayo” oo iyada loo la jeedo ayaa dhawr jeer dhegihiisa ku soo dhacay, laakiin waxba ka ma uu fahmin aan ahayn in aan la jeclayn. In ay tahay shisheeye aan degaanka u dhalan oo keliya ayuu sababta ku maleeyay.

                                                                                                      Amran markii ay yarayd hooyadeed dadka waxay u sheegi jirtay gabadheedu in ay garabsalaax lee dahay; in la weheliyo oo ay amran tahay. Waa sababta ay ugu bixisay “Amran”. Waxay ku dhaaratay intii ay uurka ku sidday in ay hurdo iyo soojeedba ku aragtay ammuuro badan oo yaab leh, oo ay ka mid ahaayeen iyada oo saddex habeen oo isku xiga ku riyootay gabadheeda oo meel foox ka qiiqayo dad ku xeeran kitaab u meerinaysa, iyo iyada oo agteeda xer badani ka xadraynayso. Wanaagga ay gabadheeda ugu riyootay marka ay sheegtoba haweenka kale waxay ku jikaari jireen riyadu in ay sida loo arkay beddelkeeda noqoto.

                                                                                                      Amran waxay hooyadeed koolkoolisaba, waxay noqotay qalanjo aanay gayigeeda ku badnayn gabadh qurux isla barbar taagi kartaa. Dabadeed markii ay toddoba iyo toban jirsatay ayuu doob afar oday wataa u soo ardaa fadhiistay. Jiilaal ayay ahayde gugii xigayba aroos baa loo qotomiyay. Habeenkii labaad ee arooska ayay dhacday mashaqo laga argaggaxay. Waxaa aroortii gogosha loogu yimid ninkii oo mayd ah.

                                                                                                      “Waa tafkudhiig! Tii dhashay markii ay qof amran ku sheegaysay qumaynimada ay ku ogayd ayay ugu ceeb qarinaysay”, ayaa kor iyo hoosba loo yidhi.

                                                                                                      Run iyo been mid ay ahaydba hore waxaa u jirtay xan sheegaysa Amran in ay arbaca-bil-u-dambays dhalatay. Aayar aayar ayay dabadeed beesha ugu dhex fidday in ay tahay qumayo tafodhiig ah, ilaa ay cuqdad qaadday oo guur dambe iska daa ee gayigii ku noolaan kari wayday. Sababtaas ayay Damalweyn ugu soo qaxday. Laakiin iyada oo wax yar joogtay ayay ogaatay xantii in ay Damalweyn soo gaadhay, lagana haysto isla aragtidii ay ka soo qaxday. Ma ay se aqoon meel kale oo ay u sii qaxdo.

                                                                                                      Iyada oo malaysay Negeeye in uu arrinta maqlay ayay maalin ay tuulada debeddeeda xaabo ka dooneen sidii ay wax ahaayeen uga sheekaysay. Waxayna ugu dartay dhulkeedii in ay neceb tahay oo aanay weligeed ku noqon doonin. Markii ay hadalka dhammaysay, isaga oo aanay u ka la caddayn iyada iyo dadka xamanaya midkooda sax ah, ayuu sababta ninkeedu u dhintay sii wayddiiyay. Inta ay yar fekertay ayay haddana illin ka soo daadatay iska masaxday, dabadeed ku jawaabtay:

                                                                                                      “Ilaahay baa dilay. Ilaaha aabbahaa dilay ayaa isagana dilay.” “Aabbahay waxaa dilay Goodir”, ayuu yidhi. “Goodir? Ma ka tuulada yimaadda?” “Haa.” “Oo muxuu u dilay?” “Kibir.” “Sidee buu u dilay?” “Gaaddada ayuu xabbad kaga dhuftay.” “Oo ma loo aaray?” “Cidina u ma ay aarin.” “Haddaa mag ma ka bixiyay?” “Tuldo lumay”, ayuu yidhi, kaas oo ahaa hadal uu Dhool iyo Dahabo ka maqlay.

                                                                                                      Cabbaar ayay Amran aamusnayd oo naxsanayd ama yaabbanayd, isaguna geedquwaax curdan ah ayuu ul la dhacayay ilaa uu dhulka la simay. Markii uu dhashay in uu aabbihii dhintay hore ayay u maqashay, laakiin sababta ma ay maqal. Awal agoonnimada ayay ugu naxriisan jirtay, wax ay se maalintaa ka dib u aragtay qof sideeda u ayaandaran, waxaana u bilawday isfaham iyo saaxiibnimo cusub. Isagu maalintaas wuxuu eray eray u xasuustay sheekadii dilka aabbihii ee ay Dhool iyo Dahabo u sheegeen. Waxay ahayd markii ugu horraysay ee uu si dhab ah uga fekeray.

                                                                                                      Maalintaa markii ay isaga iyo Amran xaabadii keeneen wuxuu tegay makhaayad Goodir fadhiyay. Inta uu meel yar dhinac ah isa soo taagay ayuu ninkaa kor iyo kal aad ugu fiirsaday. Goodir wuu arkay kurayga timaha rifrifka leh, ee qaydka duugga ah iyo shaadhka calalka ah ee badhammadu ka la jaadka yihiin gashan, ee sida nacaybka leh indhaha ugu soo gubaya. Markii uu gartayna wuu ka naxay, sheekadii u socotay ayuu se iskaga mashquuliyay. Markii labaad ee uu meeshii eegayna yarkii ma joogin.

                                                                                                      Galab kale oo aan maalintaas ka fogayn, Goodir oo tuulada ka sii carraabaya ayaa soo ag maray ardaydii malcaamadda oo uu Negeeye ku jiro oo xaabo guranaya. Markii uu yar dhaafay ayuu Negeeye qori xaabo ah ku fiiqay isaga oo iska dhigaya in uu xabbad ku shiishayo. Dabadeed yar kale ayaa si kaftan ah ugu qayliyay: “Adeer, wuu ku tooganayaa!” Goodir markii uu degdeg u soo jeestay eegmadiisu wax ay ku dhacday kurtunka uu yarku sida xabbadda ugu soo liishaamayo. Dabadeed carruurtii kale qosol ayay u daateen.

                                                                                                      Dhacdooyin dhawr ah oo ay labadaasi ka mid ahaayeen waxay Goodir u xaqiijiyeen mustaqbalku in uu cadow u yahay, wuxuuna ku dadaalay in uu iska ilaaliyo si kasta iyo meel kasta oo ay isaga iyo Negeeye ku kulmi karaan.

                                                                                                      Negeeye badanaa makhaayadaha ayuu hadba tii looga baahdo ka shaqaysan jiray, sidaas darteed Goodir wuu hubsan jiray maqaayadda uu maalintaas fadhiisanayo in aan Negeeye ka shaqaynayn. Maalin ayuu se qaldamay oo shaah ka dalbaday mid uu ka shaqaynayay. Ninkii makhaayadda lahaa markii uu shaahii shubay ayuu ku yidhi: “Goodir u gee!” Yarkuna wuxuu ninkii ku huruufay: “Orod adiguba u gee!” Makhaayadlihii wuu la yaabay hadalka Negeeye oo ahaa mid aan kuray shaqeeya looga baran. Laakiin intii aan hadal ka soo bixin ayay xasuusta maskaxdiisu toostay, shaahii ayuuna Goodir u la cararay.

                                                                                                      Hooyadii Dhool iyo ayeydii Dahabo, oo ahaa labada qof ee keliya ee dilka aabbihii uga warramay, labaduba waxay ku boorriyeen in aanu taa marnaba cid la soo qaadin. Ballantaas wuu fuliyay marka laga reebo Amran oo ay aad isugu kalsoonaayeen iyo Diiriye oo isagu u bilaabay. Laakiin qof reer damalweyn ah oo aan taariikhdaas ka dheregsanayni ma jiro. Dhool iyo Dahabo qudhooda ujeeddadu ka ma ay ahayn in ay sir qarsoon qariyaan, ee waxay diiddanaayeen inta uu yar yahay in uu ku kufo xaalad aanu maamuli karin oo garaadkiisa ka weyn.

                                                                                                      Markii Negeeye malcaamadda laga er ayay Diiriye isagu wuu sii waday, laakiin weli saaxiib ayay ahaayeen, xilliga firaaqadana waa ay israaci jireen. Waxay tuulada ka noqdeen laba gangistar oo eryashada foodleyda, baadista ciyaalka iyo xatooyada isu kaashada. Damalweyn waa tuulo yar oo la iswada yaqaan, sidaas darteed Diiriye iyo Negeeye waxay ku caan baxeen “labada tuug”, wax kasta oo la xadana cidda ugu horraysa ee lagu tuhmi jiray waxay ahayd iyaga. Tuugada oo keliya ma aha ee shar walba waa ay isu kaashadeen.

                                                                                                      Maalin gu ah ayay Negeeye iyo Diiriye tuulada tamashle kaga wada baxeen. Qorraxda oo kulul ayay kaynta caleenta leh soo galeen, sidii laba biciid oo dhal ah ayayna dhirta iyo doogga dhex xuleen. Rayska nadiifta ah meesha ay maraan waxay kaga tegayaan raad la moodo in aanu abidkii baa’bi doonin. Negeeye waa caato dhuuban oo godan, waxaana ku soo jira dherer ay da yaraanta iyo darxumadu hoos u riixayaan. Diiriye laf iyo hilibba Negeeye wuu dhaamaa, wuu se ka yar gaaban yahay, wuxuuna lee yahay dalbo waaweyn oo marka uu soconayo laga baqo in uu xaglaha ka jabo.

                                                                                                      Kayntii ayay ku sii socdeen. Iyaga oo ciidan korjooge ah u eg ayay arkeen aqal jees ah, Negeeye ayaana saaxiibkii wayddiiyay:

                                                                                                      “Ma garanaysaa aqalkaa?” “Maya.” “Waa gurigii Goodir.” “Sidee baad ku garatay?” “Aniga ayaa ku tusaya ee ina keen”, ayuu ku jawaabay oo ay xaggii aqalka aadeen.

                                                                                                      Negeeye markiiba calooshiisa waxaa gubay nacayb iyo ciil hore uga buuxay. Aqalkii inta ay is’hor taageen ayay bariidiyeen, cidla ayuu se ahaa. Dabadeed Negeeye ayaa galay, kii kalena wuu ka daba galay. Biyo ayay ka cabbeen, ka dib alaabtii dhex taallay eegeegeen, dhar ay Goodir ku arki jireen ayayna isu tilmaameen.

                                                                                                      Diiriye wuu og yahay Goodir in uu yahay ninka Negeeye aabbihii dilay, qoyskooda ayuu ka maqlay, waxaa se looga digay marnaba in uu Negeeye ka la hadlo. Laakiin si ay ku bilaabatayba marar badan ayay labadoodu arrinta ka wada hadleen. Maalintaas ayuu se ogaaday nacaybka daran ee ku jira.

                                                                                                      Negeeye oo wejigu beddelan yahay ayaa Diiriye ku la xanshashaqay:

                                                                                                      “Ma garanaysaa waxa aan samaynayo?” “Haye?” “Adigu i eeg uun afkaagana hayso. Haddii xiniin lagaa sarayo juuq yaan lagaa maqlin.”

                                                                                                      “Oo maxaad samaynaysaa?” “Usuus! Aamus adigu oo i eeg uun.” Negeeye wuxuu u orday ardaaga geela oo aqalka afartan mitir u jira halkaas oo dabkii saaku weli ka sii nool yahay. Xantoobo caws ah inta uu dabkii ku qabtay ayuu ololkii dhankii aqalka u la soo cararay oo saddex meelood yacayga kaga dhejiyay.

                                                                                                      “Negeeye, maxaad samaynaysaa?! Miyaad waalatay?!” ayuu Diiriye haleelay, dabadeed arkay aqalkii oo markiiba olol iyo qiiq isla kacay. Orod ayay cagaha wax ka dayeen.

                                                                                                      Isma ay taagin mana ay wada hadlin jeer ay gurigii gubanayay ka fogaadeen. Geed dheer oo lebi ah ayay fuuleen, waxayna daawadeen olol iyo qiiq cirka qabsaday.

                                                                                                      Negeeye iyo Diiriye in kasta oo ay isku dayeen falkaas in ay dafiraan ma ahayn wax ay dafiri karaan. Waxaa la helay caddaymo aan laba ku murmin oo raadkooda kabaha la ee rayska maray ka sii badan.

                                                                                                      Arrintaas aad ayaa looga naxay. Khasaare aan laga soo kaban karin ma uu ahayn aqal reer miyi oo aan awalba wax qiimo badani dhex oollin. Waxaa se xasaasi loo arkayay sabab kasta oo Negeeye iyo Goodir isu keeni karta. Waxaa la wada qiray musiibadii afar iyo toban sano hortood la aasay in ay weli nooshahay oo ay dhar Negeeye lagu magacaabo soo gashatay.

                                                                                                      ***

                                                                                                      Negeeye intii uu yaraa, mar haddii ay isaga iyo Amran isku guri iyo isku nolol ahaayeen, waxay isu arkayeen, loona arkayay, wiil yar iyo walaashii ka weyn. Markii se uu afar iyo toban jirsaday cidina sidii hore u arki mayso. Isaga qudhiisu sidii uu subax xaalad cusub u la soo toosay wiil yar isuma arko iyadana walaashii u ma arko. Xanta dadku weli ma ay iman waa ay se soo xiimaysaa.

                                                                                                      Kor waayeel waa wada indho. Dahabo waxaa galay dareen waalid. Habeen ay sheeko habar kale ku soo daahday ayay u soo gashay Negeeye iyo Amran oo farocayaaraya, dabadeed waa ay wada canaanatay. Gaar ahaan Negeeye waxay ku tidhi: “Nin intaas la’eg oo naag aanu qabin hoosta kaga jiraa ceeb wax aan ahayn ii ma soo sido ee caawa ka dib agteeda yaanan kugu arkin.”

                                                                                                      Habeenkaas ayay hurdo mutulka uga dhammaatay. Marakaas ka dib in roob soo eryo mooyee sidii neef baadi ah ayuu debedda seexan jiray. Habeennadii ugu horreeyay aad ayuu u cidlooday, sidii ilmo naaska laga daayay ayuuna Amran ugu hiloobay. In kasta oo ay sidaas u ka la gogol noqdeen haddana qunyar qunyar ayuu xidhiidhkoodu u yeeshay weji kale.

                                                                                                      Gugii la dayriyay kii xigay habeen isaga oo debedda hurda ayuu roob soo daatay, mutulka ayuuna u cararay. Waa madow oo dabkii yaraa ee mar wax lagu karsan jiray, mar wax lagu ifsan jiray, marna la kulaali jiray dambas baa daboolay. Islaanta oo docda jiifta ayuu ka tallaabsaday, Amran oo u dhawna ka sii tallaabsaday, dabadeed sidii orgi yar oo dhaxamooday qoobad shishe isduubay.

                                                                                                      Waa uu daallanaa, hurdo ba’an ayaana haysay, markii se uu maqlay Dahabo oo leh: “Naa inanka ka soo durug”, isla markaas Amran agtiisa xamaaratay, hurdadii iyo daalkii waa ay ka duuleen. Amran awalba waa tii laabta ku gelin jirtaye sidii aad dadqal noqotay maxaa ‘ka soo durug’ loo lee yahay? ayuu iswayddiiyay. Laakiin adiga qudhaada caawa wax baa kaa si ah. Maxaad jidhkeedan uun ugu fekeraysaa ee aad mugdiga aadan ka arkayn maskaxda uga daawanaysaa? Maxay naftaadu dhankeeda ugu hamuumaysaa?

                                                                                                      Maxaad taako taako xaggeeda ugu durkaysaa?

                                                                                                      Wuu iscelceliyay, laakiin awoodi gacan uguma jirto. Siijeed ayay u jiiftaa, laakiin neefneefsigeeda diirran wuu dareemayaa. Lawga ayuu meel debecsan kaga muday. Isma ay dhaqaajin. Gacanta ayuu haddana legga ka saaray. Isma ay dhaqaajin. Wuxuu aad u jeclaystay in uu ilaa laabta gacanta la raaco, ama xaggaas iyo bawdyaha u dego, wuu se ku dhici waayay. Dabadeed iyada ayaa inta ay si lamafilaan ah dhankiisa isu soo rogtay isaga oo weli dib u maagaya gebigiisaba laabta ku qaadatay oo sida jebisada jirjircadka isu la rogtay, oo hugeeda iyo jidhkeeda ka la dhex gelisay.

                                                                                                      Roobku si xoog leh ayuu mutulka iyo dhulka u garaacayaa, onkodkuna waa isdabajoog. Sidaas darteed cod dheer mooyee si kale la isuma maqli karo. Habartu intaa roobka ayay hadalhaysaa, Amran ayaana mar mar inta ay dadaal isu geyso dirqi ugu jawaabaysa. Laakiin isagu juuq ma leh. Ayeydii waxay moodaysaa in uu gam’ay. Islaantu awalba waa ay dhego cuslayd, caawana dhibicda ba’an ayaa dhego barjaysay, sidaas darteed galgaladka, neeftuurka iyo reenka labada qof ee ruux dhego nuguli debedda ka maqli lahaa iyadu maqli mayso. Laakiin waa ay feejigan tahay. Wax aan la ka la ilaalin karin ayay ka la ilaali isleh dahay.

                                                                                                      “Naa inanka ka soo durug!” “Ayeeyo isuma dhowin”, ayay Amran iyada oo Negeeye ku duuban cod xiiqsan ku celisay.

                                                                                                      Isuma dhowin ku lahayd! Hadda waa ay isku dhex jiraan! “Kani mid caawa kacaya u ma ega. Alloow khayrkiisa na sii! Ciiddan omoska ahi maxay kan oo kale u baahnayd!” ayay Dahabo cod gariiraya ku tidhi.

                                                                                                      Negeeye sow kan iswaayay ama is helay! Sow kan dunida ka baxaya ee mid kale sii gelaya! Sow kan sii maqiiqan ee isa soo qaban kari la! Muxuu la taahayaa? Isaga oo kor u qayliyay ayay Amran degdeg labadeeda gacmood madaxiisa ugu soo qabatay, oo naaskeeda afka u gelisay, oo sidii ilmo caanonuug ah ku aamusiisay. Dabadeed isaga oo hiinraagaya ayuu Amran dusha kaga dhareeriyay.

                                                                                                      “Maxaa guuxaya?” ayay tidhi islaantu markii Negeeye qayliyay. “Waa yarkii oo qarwaya”, ayay Amran dirqi ku tidhi. “Jinni ku la qarow! Sheyddaankii Diinta Ilaahay ka eryay baa ka dhex qaylinaya.”

                                                                                                      Habeenkaa maalintii xigtay oo dhan wuu welwelayay wuuna faraxsanaa. Wax aan xalay iyo Amran ahayn ka ma fekerayo danna ka ma leh. Haddana wuu baqayay. Armaad dhimataa? Amran sow tafodhiig ma aha? Haa, ninkeedii sow darteed u ma dhiman? Mooyi.

                                                                                                      Xalay maxaa dhacay? Caawa maxaa dhici doona? Roob ma da’ayaa? Haddii uu da’ana? Amran maxay damacday?

                                                                                                      Inan yar oo Negeeye lagu magacaabi jiray ayaa halkaa ku dhintay, waxaana dhashay nin isla magacaas leh.

                                                                                                      Qiimaha ay ayeydii noloshiisa u lahayd wuxuu ogaaday markii ay dhimatay. Waa sannadkii uu shan iyo toban jirsaday. In kasta oo aan Alle mooyee aadami da’deeda aqoon, haddana maalintii ay xijaabatay in aan cimri u laabnayn waa ay muuqatay. Siddeetan ka ma ay yarayn subaxdii iyada oo sidii duq geel ah quluulatay oo indho caddaynaysa gogosha loogu yimid. Negeeye taasi in kasta oo ay naxdin culus ku ahayd haddana sidii Amran ma uu ooyin.

                                                                                                      Adduun macno leh mutulka kagamay dhiman, waxayna Amran iyo Negeeye arkeen iyaga oo cidla fadhiya. Xaaladdooda nololeed aad ayay u sii xumaatay, ilaa ay nololmaalmeedda dad kale ka martiyeen.

                                                                                                      Dhool beryihii hore waa ay ku dadaashay in ay Negeeye joogto uga warhayso, markii se ay carruur badan yeelatay teedii ayayba ka badin wayday, waqti ka dibna isaraggoodu wuu yaraaday. Laakiin muddadiiba mar ayay iyada oo socdaal dheer oo diif leh soo gashay soo gaadhi jirtay. Markii ay geerida Dahabo maqashay maalmo ka dib ayay u timid. Weli waxay xasuusnayd gurigii uu inankeedu kalhore gubay, aad ayayna ugala talisay in uu aarsado. Waxay ku tidhi:

                                                                                                      “Laba sababood midna ha u aarsan: Waa mare waa la isdhaarsaday cuqubada dhaartuna waa halis. Waa marka labaade waxaad tahay madi.”

                                                                                                      Ku ma ay farxin debeecadda qufulan ee inankeedu yeeshay, iyo sida uu asaaggii uga gooni yahay, iyo sida uu ugu eg yahay dameer yar oo baadi ah. Waxay isku dayday in ay kaxayso si uu iyada iyo reerkeeda u la noolaado mar haddii aan halkan ehel u joogin, laakiin wuu diiday. Nolosha adag ee Damalweyn wuxuu ka sii necbaa ta reer guuraaga iyo ninka hooyadii qaba. Waxay isku dayday in ay calooshiisa baadho, waxayna wayddiisay:

                                                                                                      “Wax aan kuu awoodo oo aad tabanaysaa ma jiraan?” “Xabaashii aabbahay i soo tus”, ayay noqotay jawaabtiisu. Waa kaas jabadkii oo laba ama saddex jeer oo kale la degay. Ood gabowday iyo digo duugowday ayaa dirqi ku sii muuqda, duleedkana waxaa ku yaal geedquwaax badan oo weli gurmogo’an ah. Doog u badan cayo, yamaarug, uneexo, tincad, baldhoole iyo noocyo la mid ah ayaa dhulka qariyay. Xeryo abaaday dhexdooda waxaa ka muuqata gawaan marar badan oo ay ciiddu rays ahayd aad loogu tuntay oo dirri ah, taas oo u eg sallax aan dib wax uga soo bixi doonin: waa raaskii uu Negeeye ku dhashay.

                                                                                                      Meel boqol tallaabo jirta waxaa ku yaal geed weyn oo yucub ah oo ay ood xoday ah oo baxday ku wareegsan tahay. Oodda waxaa ku dhex taal bar dhulka ka yar kacsan oo ay labada madax laba laamood ka baxeen: waa xabaashii aabbihii. Markii ay dul tageen si qiiro iyo khushuuc leh ayuu cabbaar meesha u eegay dabadeed kow iyo toban qulhuwalle iyo faataxo ku akhriyay. Intaas wuxuu ku dhaamaa Dhool oo aan wax ay akhrido aqoon.

                                                                                                      Cisho aan taas wax badan ka dambayn inta uu masaar qaatay ayuu halkii isku sii daayay, oo xabaashii ood cusub ku wareejiyay. Markaas ka dib muddadiiba mar ayuu soo booqan jiray, taas oo uu ka heli jiray degganaan iyo wehel. Waxaa maskaxdiisa aad ugu xoogaystay sawirka aabbihii, wuuna la sheekaystay, la dooday, oo la tashaday. Wuxuu ka helay talooyin aan ka dhicin kuwa uu kuraygu aabbaha nool ka helo.

                                                                                                      Halkaas ayuu ku illaawey taladii Dhool ee ahayd in aanu aarsan. Waxaa aad ugu sii xoogaystay nacaybka Goodir. Sheekooyinka iyo maahmaahyada beryahan wuxuu ugu jecel yahay kuwa ku boorriya wax iska celinta, dhiirranaanta iyo aarsiga “Nin aan warankaagu gelin weedhaadu ma gasho”, “Rag i daa kuguma daayo ee aynu isdayno ayuu kugu daayaa”, “Dagaal gondahaaga ayuu ka dhashaa”, “Nin aanay shantaada farood kaa reebin shan wadaad kaa ma reebaan”, kuwaas baa ka mid ahaa halhaysyada uu jeclaa ee fekerkiisa la falgalay.

                                                                                                      ***

                                                                                                      Dahabo gabadhan jin ee ay Alle ka sokow iyadu mas’uulka ka tahay aad ayay u ilaalin jirtay. Ragga sidii macaanjecel malab aragtay mutulka isugu soo maqiiqaya, ee yarta u wada hamuumaya, sida dhurwaaga ayay uga yureyn jirtay. Ha yeeshee markii ay dhimatay iyada oo aan maydkeedu qaboobin ayay sida daadka albaabka soo jabsadeen, mutulkana waxaa ka bilawday dhaqan aan hore loo arag loona maqal.

                                                                                                      Haddii dumarka saddex meelood loo qaybiyo Amran xagga quruxda waxay raacaysaa qaybta ugu qurux badan. Dherer iyo dhumucba waa caadi haddii hablaha kale lagu dhereriyo, waxa ay se lee dahay weji iyo laba indhood oo aan wax loo dhigaa jirin. Si gaar ah waxaa loo jecel yahay qosolkeeda wadne gilgilka leh iyo bashaashnimada marka laga maqan yahay loo soo muhdo marka lala joogana laga raalli noqdo. Madax bannaanida aan waalid, walaal iyo xigto kale toonna Damalweyn u joogin, isla markaas tahay garoob ay dhaqanka iyo diintuba xorriyad badan siiyeen, iyo guriga ay sida buuxda uga arrimiso, waxaas oo dhami waxay ka dhigeen qof gaar ah. Waa hadiyad ama waa inkaar Damalweyn loo soo diray. Waa dhif ama maba jiro, duq iyo doob, nin aan Amran ka fekerini.

                                                                                                      Rag waaweyn oo xaas iyo carruuro leh haddana ruux sidaas ah gurigeeda u ka la dheeraynayaa waxay ahayd mahadho Damalweyn ku cusub. Xaaji Haybe, odayga tuulada ugu mudan ee dukaanka weyn leh, xaaska iyo carruurta badanina miyiga u joogaan, in uu galbaha qaar goortii uu dukaanka xidho ee reerkiisa u carraabi lahaa juucjuuc iska dareemo, oo tuulada ku soo dhaxo, dabadeed habeenkii goor xun la arko isaga oo mutulka sii gelaya ama ka soo baxaya, dadka ceebta necebi indhahooda ma rumaystaan oo waa ay isdiidsiiyaan.

                                                                                                      Xaajigu habeenka uu tuulada ku dhaxo salaadda cishe ee masjidka lagu wada tukado marka uu foodda ka qaado ayuu sida halaqa mugdiga dhex raacaa oo Amran isku sii daayaa, si jimanka ay ku ridday uga cuudiso. Haddii aanay dhaxan ahayn inta aan waagu beryin ayuu biyo isku shubaa, dadkana masjidka uga wada horreeyaa. Haddii se ay dhaxan tahay salaad subax isma yaqaannaan, in uu xanuunkii xalay tuulada ku soo hooyay saaka la kici waayay ayuu been ku sheegaa. Qofka uu in uu xalay meel xun ku arkay ka shakiyana wuxuu dhegta ugu ridaa: “Alle ha daayee, gabadhaas khayrka qabta ayaa istidhi odaygan kuu adeerka ah ee caawa soo dhaxay yuu dayacmin oo casho wanaagsan ii samaysay.”

                                                                                                      Bilawgii burkaba bahal laga ma filan, oo odayga waxaa la mooday meesha in uu minyaro ka dugsanayo. Ujeeddada uu u dhabbacan yahay markii la gartayna waxay ahayd goor dambe oo uu tiir aan la liicin karin Amran ka ag qotonsaday.

                                                                                                      Negeeye isagu in kasta oo uu weli yaraa, isla markaas aan cidina ogayn wax uu Amran ku qabo, haddana waxaa la islahaa “dheri nin u dhow baa laf ka la baxa”. Haybe habeenka uu rabo in uu mutulka ku khalaaweeyo horta Negeeye oo aan diidi karin ayuu meel durugsan shaqo uga diran jiray. Yarku taa runtii aad ayuu u necbaa, hinaase iyo daciifnimo wadajir ah ayuuna dareemi jiray. Ha ahaatee Xaajigu waa ninka ay isaga iyo Amran hambadiisa iyo murudka weelkiisa ku nool yihiin.

                                                                                                      Amran oo keliya ma aha ee mutulka waxaa laga dhigtay god gabdhaha kale ee aan si kale lagu helayn sida jiifaaga lagu qarsado. Gabadh reer miyi ah wax badan laga ma helo ee gaaddo taabasho iyo gol qabasho ayaa naf laga dhigtaa, tii dan guur laga yeeshana waa lagaga dhammaystaa. Gaajo waa cadowe, Amran baahidu waxay geyaysiisay raggaas in ay soo wada dhoweyso, gaar ahaan Xaajiga oo hadba sida ay qosolka ugu hagarbaxdo isaguna gacanta ugu hagarbaxa. Haddii la maqlo iyada oo dukaankiisa ka qoslaysa waa la hubay waxa ay maalintaas ka la soo baxdo in aanay lacag ka bixin.

                                                                                                      Markii uu Xaaji Haybe sidaas wax u laba canlaynayay waxaa jiray doobab badan oo aan habeen iyo habeen helin taf haween oo ay rogaan. Negeeye isaguna wuxuu dhaamaa rag badan oo marka roob debedda ka soo eryo aan lahayn meel ay u irkadaan iyo Amran oo kale. Mutulkana waxaan loo la yaabin Damalweyn ka ma dhisna aqal ka farxad badani. Sababtaas ayuu u noqday meel jacayl iyo nacayb labaduba ka abuurmaan, oo lagu kulmo haddana lagu colloobo.

                                                                                                      Waa ay jeclaan lahayd in ay guursato oo reer ay nolosheeda ku asturto yeelato, laakiin reer damalweyn guurkeeda waa ay iska la hanweynaayeen. In ay tahay dayro meel daran iyo meel daaddays ka timid, in ay lee dahay taariikh aan qurux badnayn, iyo halkan qudheeda in aanay sharaf ku joogin, intuba waxay noqdeen carqalado waddadii guurku u soo mari lahaa yaal. Gurigeeda waxa rag isku garbinaya ma jirin mid dan guur ka lahaa oo aan Macallin Faarax ahayni, kaas oo sidii ay Dahabo u dhimatay aan mutulka soo gelin laakiin sida haadka ku dul weehan jiray. Qudhiisu waxa uu iyada u calmaday caashaq ma aha ee waa yarad ka carar, oo wuxuu filayay carmal cagodhiig ah oo weliba cidlo joog ah in aan cidina ceesaan ka wayddiisanayn.

                                                                                                      Aw Faarax Dahabo intii ay noolayd talada guurka Amran wuu la soo qaaday, laakiin iyaga oo aan waxba isla meel dhigin rajadiisuna wanaagsan tahay ayay xijaabatay. Intii ay noolayd maalin isaga oo hilib geel oo solan, bilaale sixin ah iyo bakeeri shaah bigays ah oo ay islaantu mutulka ku siisay isku dhuuqaya, ayay debedda u yar baxday. Amran oo ay awal duqdu kaga gudbanayd oo dhardhaarrada agtooda ku dhaashanaysa ayuu kor iyo kal mar keliya indhaha mariyay. Ma ay jeclaysan eegmadiisa xun ee la moodo in uu cawryayo, waxayna moodday in uu dharku meelo xasaasi ah ka xaydmay fadhiga ayayna hagaajisatay. Isaga oo inta yar ee ay islaantu debedda ku maqan tahay ka faa’iidaysanaya ayuu Amran ku yidhi:

                                                                                                      “Rasuulku carmalka wuu jeclaa, wuuna u duceeyay, annagana haddii aannu nahay culimada wuu naga la kiin dardaarmay. Haddaba ma ku la tahay in reer laguu yeelo?”

                                                                                                      Si dadban ayay u jalleecday, waxayna la yaabtay sida uu hilibka engegan marba daan ugu ruugayo ee ay ilkuhu debedda ugu soo baxeen dufankuna qawlalka uga da’ayo. Awr gaboobay oo cantaboonaya laga ma garto, ayay ku fekertay, oo haddana niyadda kaga qososhay tusaalaha habboon ee ay u heshay. Bal eeg marmarsiinyaha liita ee uu ku soo gabbanayo, ayay ku fekertay. Rasuulku carmalka wuu nagala dardaarmay ku lahaa! Hadda caqlixumadiisa wuxuu islee yahay ha dareento in ay tahay miskiinad quus ah oo aad guurka kaga ajarsanayso, ayay malaysay.

                                                                                                      “Laakiin Rasuulku annaga miyuu odayada naga la dardaarmay?” ayay maagis ku wayddiisay.

                                                                                                      “Muslinka oo dhan wuu isugu dardaarmaye in reer laguu dhiso u diyaar garow.”

                                                                                                      Dhaashigii waa ay dhammaysatay indhokuulasho ayayna bilawday. Wuu jeclaa in ay wax tidhaahdo ma ay se jawaabin, in ay arrinta ka fekerayso ayuuna maleeyay. Inta aanay maskaxdeedu go’aan gaadhin si uu u saameeyo, dareenkeedana u yar kiciyo, ayuu hadalkii hore raaciyay:

                                                                                                      “Waxa lagugu sheegayaa haddii ay jiraanna waxba ma aha oo, bi idni laahi kariim, soddonka jus oo lagugu salaaxo iyo saddex habeen oo gogol diineed lagugu seexiyo ayaa ku filan.”

                                                                                                      Waa ay naxday haddana xanaaqday. Sidii ay Damalweyn u timid Alle qabaygani sidaa uu arrintaa ay cuqdadda ka qabto uga la hadlayo looga la ma hadlin. Waxay ka fekertay in ay ilkaha waaweyn kab kaga dhufato. Mayee waxay wayddiisay:

                                                                                                      “Waa maxay waxa la igu sheegayaa?” “Caammadu waxii ay ka baqaan annagu waxaanu u nahay culimo Eebbe. Tafodhiig iyo wax lagugu maagaba annaga ayaa Ilaahay talo saaranayna oo kugu oggol.”

                                                                                                      Iyada oo hadal habboon diyaarsanaysa ayay Dahabo oo tukubaysaa soo gashay, koob kale oo shaah ah ayayna wadaadka ugu shubtay.

                                                                                                      Haasaawaha sidaas u nuxurka daran wuxuu islahaa ha kuugu godlato, laakiin waa ay kaga dharastay dibna ugu ma soo joogsan.

                                                                                                      Intii ay Dahabo noolayd halkaas ayuu isaga iyo Amran hadal u joogay. Wuu hubay in aanay jeclayn, laakiin dadka inta ay dan iyo duruufo mideeyaan ayaa ka badan inta uu jacayl wax isugu daro, ayuu islahaa. Geerida islaanta ka dib markii u horreysay ee uu fursad helay ayuu Amran arrinta u soo bandhigay, iyaduna si qayaxan ayay u diidday. In uu wax badan ka weynaa reer kalena lahaa ka sokow, markii la wayddiiyay sababta ay wadaadka Ilaahay uga inkaarsatay waxay qirtay in ay u aragto dadka dunida ku uuman qofka ugu foolxun. Waxay tidhi: “Bal eega ilkihiisa waaweyn iyo dibnihiisa yaryar ee xataa haddii la isku tolo aan isdaboolayn! Waxaad mooddaa mayd beri hore tawafay! Bal eega mijaha aad mooddid xiid!” Faarax markii ay Amran diidday, gurigeeduna noqday meel goor walba rag kale u carbuunan, wuxuu ku qaaday olole la mid ah kii uu Negeeye berigii uu takhray ku qaaday. Marar aan yarayn ayuu markii salaadda laga soo jeestay masjidka ka sheegay haddii aan macsida iyo fusuqa socda wax laga qaban in uu Ilaahay Damalweyn dhulka la simi doono, sidii uu dhulka u la simay reer Nuux iyo reer Saalax iyo reer Luud iyo reer Huud iyo qaar kale oo badan. Waa la garanayay halka uu carrabka ku fiiqayaa in ay tahay Amran. Mar beryahaas ah ayay roob la’aan ba’ani Damalweyn ku dhufatay, roobdoontii uu wadaadku xoolaha badan ku qaatayna Alle ka ma aqbalin. Dabadeed wuxuu sii xoojiyay eedayntii mutulka Amran ku wajahnayd iyo roob la’aantu in ay tahay ciqaab Rabbi oo halkaa ku sal leh.

                                                                                                      Negeeye dacaayadda iyo habaarka Aw Faarax intaa wuu la socday. Dabadeed maalin isaga oo sidiisii feedho qaawan, qayd faraqyada ka dildillaacay qaarka hoose kaga duuban yahay, suun qallafsan oo saan geel laga jeexayna dhexda ku xidhan, toorray saddexgees ahina misigta midig ee suunka uga qotonto, ayuu Aw Faarax oo tuulada ka sii baxaya ka daba tegay. Wadaadku barbaarka soo dabo xiimaya ee ableyda dheer daabkeedu gacanta ka xoqayo markii uu arkay waxaa gashay dhiillo, ma uu se hakan. Markii uu la sinnaa ayuu ku soo jeestay.

                                                                                                      “Faarax, aniga iyo Amran maxaad nagu lee dahay?” “Wax maxay ah?” “Wax aad nagu lee dahay oo nalaga kaa siiyaa miyay jiraan?” “War nin yahow ku ma aan fahmin ee wax aad adigu iga tirsanaysaa haddii aanay jirin wax aynu isku leh nahay anigu ma ogi.” “Sow sidaas ma aha? Haddaba waxaad ogaataa maalin dambe haddii aan hadalhaynta aniga iyo Amran kaa maqlo, ama la iiga kaa sheego, in aan taa laba kuugu ka la goynayo!”

                                                                                                      Markii uu sidaas lahaa wuxuu farta ku tilmaamayay daabkii gees biciidka ahaa ee toorrayda, oo sida ay socodka ugu gilgilanayso la moodo in ay lee dahay ”war gacantu ku go’daye, galka iga siib oo meel dux leh i geli!”. Wadaadku isla markaas ayuu baqdin darteed jillab ku turaanturrooday kuna dhowaaday in uu kufo. Aad ayuu u baqay waayo wuu ogaa nacaybka Negeeye ka buuxa, isla markaas in uu noqday gaashaanqaad xoog iyo dhiirranaan labadaba leh.

                                                                                                      Aw Faarax baqdintii gashay wax kale iska daaye falkaa cidna ugama dacwoon ee afkiisa ayuu haystay. Maalintaas ka dib wuu ka gaabsaday in uu Negeeye iyo Amran afka soo mariyo.

                                                                                                      Amran wax ay miskiin aan wax kale ku qabin qosol been ah kaga muraadsato, ama mid ay dantu uga hiilisay iyada oo aan maya iyo haa toonna haleelin qoorta isugu laabo, iyaduna inta ay gilgili karto gilgisho si ay qadaaddiic uga daadiso; wax ay habaarka Aw Faarax iyo farta iyo carrabka ku godan ee Damalweyn iska dhegoolayso, mar kale ayay mutulkii ganacsi yar ka bilawday. Canjeelo, sabaayad iyo oodkac ayay bilawday in ay samayso oo makhaayadaha u dirto. Caanaha iyo subagga inta ay reer miyiga ka la wareegto ayay sii iibisaa. Waayo’aragnimadii yarayd iyo mutulkii ay duqda ka dhaxashay waa ay u ayday.

                                                                                                      Haybe sidii hore uguma jajabna, dan la ma huraan ah in ay ka yeelato mooyee sidii hore deeqsiyad uguma aha. Haddii aan iskay isu noolayn karo qufaciisa ha igala tago, ayay ku fekertay. Ninnimo waxaa ugu filan Negeeye oo beryahan habeen walba jeer uu sidii qof suuxdin qaba dusheeda ku miyir beelo aan hurdo aqoon.

                                                                                                      Nolosheeda yar wanaagsanaatay oo keliya ma ahee xidhiidhka iyada iyo Haybe waxaa dhooqeeyay qalalaase kale. Islaantii odayga oo mindi sidata ayaa Amran weerar ugu timid oo iyada dooxi lahayd dirqi lagaga qabtay. Mid kale oo gabdho tuulada ku lahaydna waxay qaadan wayday dhaqanxumada ay Amran Damalweyn keentay, maalin ayayna kab ka la daashay. Labadaas dhacdo waxay qarxiyeen fadeexaddii la daboolayay.

                                                                                                      ***

                                                                                                      Negeeye markii uu toddoba iyo toban jirsaday ayuu la wareegay maamulka iyo shaqada makhaayad shaaha laga cabbo. Ma ay ahayn shaqo deggan, ama horumar badan leh, waayo waxaa macmiil u ahayd beesha reer guuraaga ah taas oo biyaha iyo baadka marba meel ugu hayaanta.

                                                                                                      Aroor walba inta aanay cadceeddu soo bixin ayuu hurdada ka kacaa. Debedda ayuu kaadi ku soo talleejiyaa, inta uu soo socdana qori caday ah geed ka soo jabsadaa. Marka uu cadaydo ee fooldhaqdo ayuu makhaayada dabka u shidaa. Killi weyn oo biyo ah ayuu dabka ka dul qotomiyaa. Inta ay biyuhu karayaan ayuu makhaayadda rusheeyaa, si uu habaaska u dejiyo, dabadeed xaaqin mariyaa, oo gogol fadhi jawaanno ah saf iska soo hor jeeda ku soo wareejiyaa.

                                                                                                      Marka uu intaa dhammeeyo ayuu miiska u gudbaa. Raadiye gaboobay oo ay Dahabo ka dhimatay ayuu lixda marka uu Raadiyow Muqdisho soo galo shidaa. Waxii weel ah ee aan nadiif ahayn ayuu xalaa. Marka ay biyuhu karaan xantoobo shaah ah ayuu ku tuuraa, si feejiganna u la socdaa si aanay u daadan. Bakeeriyadii miiska ayay u safan yihiin, sonkortii iyo caddayskiina dhinac yaallaan. Dabadeed qaaddada ayuu bakeeriga dhex geliyaa oo xoog ugu garaacaa: Dhalalalaw! Dhalalalaw! Dhalalaw!

                                                                                                      In yar ka dib waxaa hormo hormo u soo gala rag ay ugu soo horreeyaan odayaal masjidka cariishka ah wardiga shaaha ku sugayay. Waxaa ku soo xiga koox dibjir ah oo debedaha ka soo toostay, kuwaas oo dabka shaahu saaran yahay hareeraha kaga xooma si ay dhaxantii darxumada ugaga diirsadaan. Dhawr nin oo kale oo isugu jira kuuliga tuulada iyo odayaal ay habrihii ka dhinteen ayaa iyaguna mid mid u soo gala. Qof iyo bakeeri caddaysan oo qiiqaya ayuu hor dhigaa.

                                                                                                      Inta shaaha afka lagu hayo ayay Amran laba masafood oo canjeelo iyo sabaayad ah kadinka galbeed isla soo taagtaa. Negeeye oo markiiba arkay wejigeeda shucaaca qorraxda arooryo bari kaga soo dhacayo, oo aan dhalaalka u ka la garanayn dhididkii uu xalay kaga tegay iyo dhaashi cusub mid uu yahay, oo dhoollo caddaynteeda iyo indhaha waaweyn ee had iyo jeer si u oomman iyo labada dibnood ee si u hunguroonaya ku laabqaadmay ayaa qaabbila oo ka soo guddooma.

                                                                                                      Marka uu canjeelada iyo sabaayadda diirran daboolka ka rogo, ee uumigu makhaayadda ku fido, ayay ragga meesha fadhiyaa hunguri la wada millikhsadaan.

                                                                                                      “Waar quraac noo keen.” “Waar bal annagana noo keen.” “Anigana ii keen.” Suxuunta ayuu miiska saf u dhigaa, inta laga dalbaday ayuu ku goglaa, laba qaaddo oo sixin ah ayuu mid walba ku shubaa, laba qaaddo oo muqmad ah dusha ka saaraa, in sonkor ah ku daadiyaa, xoogaa shaah bigays ah ku qooyaa, dabadeed raggii dalbaday hor dhigaa, nin iyo bakeeri kale oo shaah ahna uga daba geeyaa.

                                                                                                      Inta uu hormadaa tuulada ka soo toostay fulinayo ayay siddeedda gaadhaa, dabadeed waxaa soo dhacda xoolodhaqatada. Caano geel oo ay qaarkood sidaan ayuu digsiyo waaweyn oo uu diyaarsaday ku wareejiyaa, meel rays ahna gunta u dhigaa, maanta oo dhanna qofkii dalbadaba koob qabow u daraa.

                                                                                                      In kasta oo uu canjeelo, sabaayad, oodkac iyo caano hayo, waxa ugu badan ee laga gataa waa shaah aad u kulul oo ay caleenta, caddayska iyo sonkortu ku badan yihiin. Kaas ayaa toban toban bakeeri laga cabbaa oo maalin oo dhan muran iyo maanso lagu madaddaashaa. Carraabaha kolka la gaadho ee la xisaabtamo ayaa xanaaq la bilaabaa xisaabtana ogaan loo xumeeyaa.

                                                                                                      “Sidee afar iyo toban shaah ah la iigu yeeshay? Haantii dhammayd ee caanaha ahayd miyaadan waxba ii xisaabin? Labadii harag ee aan saaka keenay mid baa iga socon waayay ka kalena sonkor baan ku miisanayaa ee waxa aan qabo xisaabtii hore u gee.”

                                                                                                      Dadka noocaas ah ayaa makhaayadda macmiil u ah. Inta ay jeebka wax ku hayaan waxaa ka badan inta aanay ku hayn, inta ay wax bixiyaanna waxaa ka badan inta ay amaahdaan.

                                                                                                      Marka ay xoolodhaqatadu casarka carraabaan, Negeeye makhaayadda horteeda ayuu fadhi ku goglaa, ragga inta tuulada u hoyata qaarkood ayaana halkaa shaah kaga dalbada. Laanta af Soomaaliga ee BBC-da oo uu keligii mawjadda ay ka hadasho yaqaan ayuu saaraa. Halkaas ayaa wararka dunida oo wax aan la fahmayn u badan lagu dhegeystaa. Warka keliya ee ay xiiseeyaan, oo ah roob iyo doog, BBC-da laga ma sheego, haddana dhegeysigeeda ma daayaan.

                                                                                                      Fiidka marka ay dhawrkii halkaa ku caweeyay hamaansi dabadii ka la hoydaan, Negeeye makhaayadda ayuu albaab foosto la fidiyay ka samaysan afaafka quful ugu taagaa, dabadeed shaqo maalmeedda ku soo gunaanadaa in uu Amran mutulka ugu tago oo ilaa saqdadhexe waxii ay ka la qabaan ka la soo xisaabtamo.

                                                                                                      Dumarka tuulada tii makhaayadda Negeeye dan ka yeelataa ma soo gasho ee mutulka Amran ayaa laga soo maamulaa, cuntada uu iibiyana iyada ayaa soo samaysa, xisaabo kalena waa ay isugu jiraan. Labadooda midna wax ma qoro, xisaabtana xasuusta ayay ku ilaaliyaan, maskaxda iyo faraha ayayna ku xalliyaan. Saqdadhexe marka ay xisaabtu u ka la dhammaato isaga oo daal kax ah ayuu makhaayada dermo duug ahna madaxa iyo mijaha duubaa.

                                                                                                      Negeeye haddii uu ahaa kuray ay Amran hoos u eegto, waa kaas maanta indhaheeda, maskaxdeeda iyo gogosheedaba buuxiyay. Waa taas casarka isu sii qurxinaysa cishahana hoostiisa ka taahaysa. Garabyo weyntii Haybe hormuudka u ahaa, ee marka ay mutulka soo gelayaan Negeeye ka tallaabsan jiray amaba ku sii joogsan jiray, waa taa aan ninna cayaar ugu soo dhacayn.

                                                                                                      Mar haddii se uu ahaa xidhiidh qarsoon ee aan guur xalaal ahi meesha jirin labadooduba waxay qabeen welwel joogto ah, waagii beryaba Negeeye wuxuu filayay in ay war dhiillo leh u sheegto. Habeen habeennada ka mid ah ka dib markii ay xisaabtameen isaga oo bixid u qalab qaatay iyaduna sidii dhar uu iska bixiyay ay weli gogosha daadsan tahay ayay wayddiisay:

                                                                                                      “Sow ma ogid in ay wax waliba dhici karaan?” “Wax walba oo maxay ah?” “Wax ku saabsan xisaabta inaga dhexaysa?” “Waxba ku ma jabna, haddii ay wax qaldamaan waa aynnu saxaynnaa.”

                                                                                                      “Sidee baynu u saxaynaa?” “Waa aynu isguursanaynaa.”

                                                                                                      Waa ay faraxday. Inta ay fadhiga ka boodday, oo isaga oo taagan dhunkasho ku waashay, oo laabtii ay ogayd in uu jecel yahay ku camcamisay, ayay wayddiisay:

                                                                                                      “Imikaba maynu isguursanno?” “Imika diyaar u ma ahi.” “Maxaad ugu ahaan wayday?” “Waxyaalo kale ayaan horta u baahan ahay in aan qabto.” “Waxyaalo maxay ah?” “Waxyaalo aadan shaqo ku lahayn.” “Mise waxaad ka baqaysaa haddii aad i guursatid adiguna in aad dhimatid?”

                                                                                                      Negeeye aragtida dadka ee Amran ku saabsan, ee ah in ay tafadhiig tahay, isagu wax aragti ah ka ma qabo. Wuu ka aammin baxsanaa waxyaalaha ay dadku sheegaan oo badanaa beenooba ama isburiya, sheekadaana wuu maqlaa uun halkaana ka ma qaado.

                                                                                                      “Maya ee waqtigan guur diyaar u ma ahi.” “Ninkaygii hore muxuu u dhintay?” “Adiga ayaa iiga war roon.” “Laakiin waa anigii kuu sheegay ee maxay ku la tahay?” “Tiisii ayaa dhammaatay. Ilaahay baa dilay, sidii aad adiguba tidhi.”

                                                                                                      “Tafodhiig in aan ahay miyaadan rumaysnayn?” “Waxba ma rumaysni ee dadka hadalkooda ha isku mashquulin.” “Adiguba ilaa maalintii aad wadaadka looxa la dhacday waxay kuu yaqaannaan ‘Habaarqabe’.”

                                                                                                      “Waan og ahay. Waa dad dulli ah, wadaadkaas afka xun ayaa wada dullaystay.”

                                                                                                      “Waa ay inoo ka la shakisan yihiin … maya ee waa ay isku keen og yihiin, waana ay ina neceb yihiin”, ayay tidhi iyada oo malaha dareensiinaysa in ay isku doon saaran yihiin dadka kalena dhinac ka wada yihiin si ay fikradda guurka ugu riixdo.

                                                                                                      “Jacaylkoodu muxuu kaala maqan yahay?” “Waxba haddii aad adigu i jeceshahay. Horta maxaad isaga dhigtaa in aadan i jeclayn?”

                                                                                                      “Sidee baan isaga dhigaa?” “Weligaa kaa ma aan maqal.” Uma uu jawaabin. Naftiisu in ay si aad ah ugu baahan tahay wuu ogaa, laakiin ma jeel baa mise waa jacayl? Bal iyadu in ay qof jinni tahay maxay ragga kale hoosta ugu wadataa? ayuu iswayddiiyay. Laakiin jawaaabta wuu garanayaa. Berigii ay Dahabo dhimatay, ee ay isaga iyo iyaduba bakhtiga xalaashadeen, sidii ay nimankaa dabinkooda u gashay dib miyay uga baxday? Waxay ku noqdeen xanan ama xuub caaro marka ay meel iska fujisaba meel kale kaga dheggan.

                                                                                                      Waa se la og yahay ee sidii uu Negeeye doob u noqday raggaasi, xataa Haybe, dhukus iyo dhuumasho mooyee, indhihiisa oo shan ah miyay Amran ku soo dhacaan? Kabash kabash iyo kadalloob mooyee miyirqab iyo maryo dhigasho miyay kaga muraadsadaan?

                                                                                                      “Negeeye, runtii ma i jeceshahay?” “Haddaa miyaan ku neceb ahay?” “Waxaasi ma jawaab baa?” “Haye, waan ku jecel ahay.” Isla markaa niyadda wuxuu iska lahaa: wax kale u ma dan leh aan ahayn raggaa ay iyadu qosolka ku soo dhoweynayso in aad adigu sida eeyga ugu cidid. Haddii uu jacaylku dhab ka yahay, ama guur qiimo u hayso, fadeexadda sida daadka gurigeeda ugu soo qulqulaysa ayay iska moosi lahayd.

                                                                                                      “Sababtii dhimashada ninkayga haddii aan kuu sheego ma iga rumaysanaysaa?”

                                                                                                      “Maxaan kaaga rumaysan waayay?” “Cudurka duumada ayuu awalba la ciirciirayay, labadii habeen ee arooskana hilib idaad iyo dambar geel baa lagu wadne gooyay, aniguna illayn gabadh aan faro baran baan ahaaye aad buu ii la raftay, oo dhididka iyo dhareerka ayaa ka dhammaaday. Sidaas ayuu Alle u ma naxariiste ku naf waayay.”

                                                                                                      “Waa caqligal, maxaad se miskiinka u habaaraysaa?” “Waxaan u habaarayaa sida aan macnaha lahayn ee uu u bakhtiyay. Noloshaydii oo dhan ayuu qarribay.”

                                                                                                      Intii ay wada hadlayeen ayuu badhammadii shaadhka isdhaaf u xidhay, dabadeed inta uu dib u furfuray mar kale soo bilaabay. Iyaduna hadal kale ayay u gashay si uu u la sii joogo.

                                                                                                      “Waa maxay waxyaalaha aad rabtid in aad guurkeenna ka hor marisid?”

                                                                                                      “Waan kuu sheegay in aadan shaqo ku lahayn.” “Ma kuu fooxiyaa?” “Goorma ayaad fooxiso noqotay?” “Ma aan noqon ee waan ku dhashay.” Si wanaagsan ayay debeecadda Negeeye u taqaan, isaga oo aan hadlin ayay waxa uu ku fekerayo garan kartaa. Waxa uu maalmahan qorshaynayo isaga oo aan la soo qaadin ayay haddana hubtaa, ku mana faraxsana. Sidaas awgeed haddii uu ka yeelo in ay u fooxiso waxay isku dayi lahayd in ay taladaa ka baajiso. Laakiin ka ma uu yeelin. Isku nolol ha ahaadeen, laakiin arrin sidaas u weyn ku ma aammini karo. Wuxuu haystaa maahmaahda ah ”Naagi shisheeye iyo sokeeye midna ma aha”. Waa ay jirtay in uu guurkeeda hore uga fekeray, waxa ay se ahayd intii aanay taladan jiifka iyo joogga u diidday ka ma dambays ugu dhalan. Habeenkaas wuxuu ahaa labaatan jir.

                                                                                                      Labaatanjirnimadu macne gaar ah ayay Negeeye u lahayd, malaha se dadka oo dhan ayay macne gaar ah u lee dahay. Waa halhays joogto ah in marka qof la guubaabinayo, ha yaraado ama ha weynaadee, lagu yidhaahdo “waxaad tahay labaatan jir!”. Malaha dareenka noocaas ah ayuu ahaa kii ku dhiirriyay in uu sannadkaa waxyaalo badan si dhab ah uga fekero, oo ay ka mid ahayd in uu Amran guursado oo iska dego. Waxaa se ku sii xoogaysatay arrintan uu beri fog goostay maskaxdiisana joogto ugu soo noqnoqon jirtay. Imika go’aan adag ayuu gaadhay, fikraddii guurka wuu laalay, wuxuuna goostay in uu qori iibsado.

                                                                                                      Wuu ogaa in ay tahay talo kol ay hooyadii ku tahay cid waliba ka naxi doonto, laakiin cidna dan ka ma uu lahayn. Baqdin iyo xamaasad wadajir ah ayaa galay. Hadafkiisa oo dhan wuxuu ka dhigay sidii uu u ururin lahaa lacag qori u goysa. Xoogaa uu makhaayadda ka la soo baxay iyo xoogaa kale oo uu ka nahaabay ayuu faraqa ku guntay. Qaadkii iyo sigaarkii wuu yareeyay, awalba dhar macno leh ma iibsan jirin maalintaa ka dibna shay dambe ma iibsan. Shilinka soo galaba waxii cuntada uga soo hadha wuu kaydiyay. Sagaal bilood ka dibna wuxuu hayay lacag qori u goysa.

                                                                                                      Muddo aan badnayn markii uu qori iib ah raadinayay ayuu nin miyiga tuulada ku noolaa geeliisii xaraashay, wiilashii magaalo iskuul kaga daray, isaguna isu diyaariyay in uu guuro, wuxuuna sheegay in uu qorigiisa iibinayo. Beryahaa Soomaaliya waxaa ka baarqabbaynayay kacaankii askarta, dagaalkii qabiilkuna hoos ayuu u dhacay intii aanu mar labaad soo laba kaclayn. Sidaas darteed xiisaha hubka loo hayay ma badnayn, bundukhaas iibka ahna sidii caadada ahaan jirtay lagu ma soo qamaamin, isaga ayaana ahaa ka keliya ee si dhab ah u gorgoriyay. Sidaas ayuu ku hantay qorigaas oo ahaa waxii uu ugu jeclaa in uu yeesho.

                                                                                                      Dad badan baa Negeeye ku la yaabay in uu isaga oo sidaas u arradan oo u baahan haddana lacag intaa la’eg ku iibsado qori aanu geel iyo gammaan toonna u lahayn. Waxa ay se ahaayeen dad aan dabeecadda Negeeye ama taariikhda aqoon. Laakiin dadka wax u fiirsadaa xaaladda si kale ayay u arkayeen. Taa waxaa u marag ah galabtaa uu hubka iibsaday odayaashii Damalweyn ugu mudnaa Negeeye waxay la tageen geed weyn oo garta lagu naqi jiray, wax ayna u caddeeyeen dhiiggii aabbihii ee la iska xaq iyo xaal mariyay, la iska dhaarsaday, ee laga heshiiyay, haddii uu maanta wax ka hibanayo in uu sheegto oo si walba loogala xaali doono, laakiin aanu godob geysan. Isaguna wuu dafiray in uu qoriga haba yaraato ee dhagar ka lee yahay. Isla markaa wuxuu oggolaaday in uu Kitaabka Qur’aanka gacanta saaro saddex jeerna magaca Ilaahay ku dhaarto in aanu ku talo jirin fal taa ku saabsan.

                                                                                                      Galabtaas markii ay odayadu u sheegeen in ay doonayaan in ay la hadlaan wuu gartay waxa ay ka la hadlayaan, wuuna ka fekeray in ay dhaari iman doonto. Sidaas darteed inta uu tuulada ka yar baxay ayuu kaadidiisa labada sacab ka buuxsaday oo ku faroxashay, si aan Kitaabku u qaban. Waayo sinaba uguma uu qanacsanayn wax aan ahayn talada uu goostay. Magta aabbahaa ee la sheegayaa sow ma aha boqolkii halaad ee markii tolka mag wadaagta leh loo qaybiyay ay adiga iyo Dhool dhawrka tuldood idinkaga soo hagaageen? ayuu ku fekeray. Dhawrkii tuldoodna sidii ay kaliishii taa xigtayba hillaaca u raaceen miyaa dib loo arkay?

                                                                                                      Waanadaa weelka daloola ku dhacday iyo dhaartaa kaadida ku dhammuuqani waxay ahaayeen waxa keliya ee galabtaa la samayn karayay. Sidaas ayaa lagu ka la carraabay. Maalintii uu qoriga iibsa- day dhawr cisho oo ku xigay Negeeye tuulada si caadi ah ayuu ugu noolaa. Dabadeed maalin isaga oo aan cidna wax u sheegin ayaa si kediso ah loo waayay.

                                                                                                      Galabtaas Goodir tuulada wuu ku daahay, qorrax dhacii ayuuna koonfur qumman iyo dhankii reerkiisa u carraabay. Keligii ayuu ahaa, sidii caadada u ahaydna qorigu degta ayuu u saarnaa, xabbadduna dhuunta ayay jiiftay. Cishooyinkan oo dhan sidii uu cadawgiisu hubka u iibsaday si dheeraad ah ayuu u digtoonaa. In kasta oo uu ku dadaalay in aan taa laga garan haddana waa la wada arkayay degganaansho la’aanta iyo baallo daymadiisa joogtada ah, iyo qorigiisa had iyo goor cabbaysan ammaanku ka rogan yahay.

                                                                                                      Afar boqol oo tallaabo in aan ka badnayn markii uu makhribkaa Goodir tuulada ka baxay, ee jeexa madaxa la galay, ee ay qorraxdu cabbaar godka ku sii maqan tahay, habeenkii madoobaana bari ka soo gurguuranayo, ayuu garabkiisa bidix ka maqlay jaqaf aad mooddo qori qallalan oo qof isku taagay. Si digtoon ayuu isaga oo aan tallaabada hakin u jalleecay waxba se ma uu arag. Sharqantii uu maqlay ayuu mar kale maskaxda dib ugu soo celiyay iskuna dayay in uu maleeyo waxa ay noqon karto. Shaki aan bilawgii gelin ayaa galay, qori ammaanka laga rogay ayuu ku maleeyay. Isaga oo weli tallaabo dheeraynaya ayuu dhegta raariciyay jalleecadana meeshii ku celiyay, wax dhiillo geliya se ma maqal mana arag. Marba marka ka dambaysa ayay se cabsidii ku sii xoogaysatay, ilaa uu malihiisu u batay in ay balaayo ku xeeran tahay. Kiishkii ayuu garabka ka ka la riday, qorigii oo cabbaysanna labada gacmood isugu geeyay, dhegaha iyo dhaayahana shaqadooda xoojiyay, tallaabadana hoosta ka sii xaday.

                                                                                                      Mar kale ayuu wax maqlay, tallaabo labalugoodle ayay imikana u la ekaatay, laakiin waxba ma hubo, muuqna ma arko. Galow ayaa si kediso ah hortiisa uga duulay, naxdin iyo argaggax ayuuna Goodir ku dhowaaday in uu dib u dhaco. Qolof adag ayaa madaxa ka fuushay, timaha iyo xaadduna waxay noqdeen qodxo. Wadnaha ayaa si ba’an u boodbooday, dhabarkana markiiba dhidid qabow ayaa qooyay. Fulay haadkarroor ah ayuu isu arkay, laakiin dhan laga jiro ayaanu garanayn ee dhulku caawa nabad ma aha.

                                                                                                      Imika waa himsehimse oo habeenkii waa uu soo durkay gudcurkiina ka soo daray. Yuu se gudcurku dan u yahay ma ugaadhsadaha mise la-ugaadhsadaha? Mar kale ayuu isla dhankii hore sanqadh ka maqlay, markii uu dhakhso u jeestayna waxaa ka hor yimid cod uu garanayo oo leh: “Goodir, sow i ma aad filayn?” Waa Negeeye.

                                                                                                      Isla markaas ayuu arkay malluug dheer oo madow iyo qori xaggiisa u soo liishaaman. Isaga oo dhinaca kale u sii boodaya ayuu qorigii dhanka Negeeye u jeediyay, keebkana farta ku la degdegay, waxba se ma uu haleelin oo xabbaddii Negeeye ayaa laabta ka haleeshay iyada oo qiiqaysana dhabarka ka boodday. Isaga oo dhulka daadsan markii uu isa soo dul taagay lugaha oo keliya ayaa sii dhaqdhaqaaqayay, qorigii iyo kiishkiina labada dhinac ayay ka ka la yaalleen. Markii uu arkay in ay xabbaddu shafka kaga dhacday wuu ku diirsaday waayo waa isla halkii ay aabbihii xabbaddu kaga dhacday sidii loo sheegay.

                                                                                                      Muddadii uu tabaabulshaysanayay wuxuu goor walba ka fekeri jiray dareenkiisu sida uu noqon doono marka uu maydnimo Goodir dhulka u tuuro. Imika se arrintu sidii uu moodayay waa ay ka la fudud dahay, dareenka keliya ee uu iska helay waa qaraxii xabbadda oo ka duwanaa tobannaankii xabbadood ee uu hore u maqlay iyo xoogaa baqdin ah, isaga oo xataa ka baqay Goodir in uu ku soo kaco. In uu xabbad labaad u celiyo ayuu ku fekeray, laakiin maya, waa gunnimo iyo fulaynimo.

                                                                                                      Imika luguhuna dhaqdhaqaaqi maayaan oo waa kaa sida dogob ama duddun dhacday dhulka iska daadsan. Sidii wax weligii meesha iska yaallay waa kaas durba dhulka ka mid noqday. Ma Goodir baa mise waa wax kale? Dareenka Negeeye ka ma duwana maalin uu isdul taagay waraabe la toogtay oo ay markaa naftu ka baxday. Maalintaas ka hor dhurwaaga wuxuu moodi jiray wax meel fog uun laga halacsan karo ee aan loo dhowaan karin ama la taaban karin.

                                                                                                      Maba uu moodi jirin noole wad leh. Xaaladdaa waxaa u la mid ah ninkan galabta halkan daadsan. Run ahaantii wuu u qaadan la yahay. Dilku waa xeer furashadu se waa xaal gumeed. Qorigii Goodir dhinac yaallay oo qiimo badan lahaa Negeeye sidaas ayuu kaga dhaqaaqay. Haddii uu qaato isaga iyo tolkiiba waxay u soo jiidi lahayd dhegxumo aad u weyn, waayo waxay ahaayeen laba reer oo xidid, xigaal iyo ood wadaag intaba ah. Waxa uu tirsanayay dhiig buu ahaa ee ma ahayn dhac, kiina hel.

                                                                                                      Xabbaddaas sukada ah ee fiidcilcillawga qaraxeeda la wada maqlay in ay ahayd mid goysay naf aadami qof waliba sida uu ku gartay si ayuu ku sheegay. In kasta oo ay ahayd wax la filayay, dadkana dhegtu wada taagnayd, haddana markii dambe siyaalaha looga hadlay waxay muujisay mowqifka uu qof waliba dilkaas dhacay ka taagnaa. Tusaale ahaan Aw Faarax oo nacaybka Negeeye ku caan baxay wuxuu yidhi:

                                                                                                      “Ma xabbad la garan waayo ayay ahayd? Maalintaa waan soommanaa, markii ay xabbaddu dhacdayna timmirtii aan ku afuray wax ay ii dhadhantay dhiig, biyihii aan ku luqluqdayna la mid bay ahaayeen. Markiiba fiinta ayaa ci dheer ku dhufatay, cirkana sagal xinjir ah ayaa aniga oo arkaya isku aslay. Waxaan sugay xabbaddii jawaabta, weli se waan sugayaa.”

                                                                                                      Waa beentiis ee markii dilku dhacay cirku sagal iyo midab kale toonna ma lahayn ee wuxuuba u dhowaa habeen madow. Shaki laga ma qabin wadaadku in uu ahaa naarafuuf iyo diredire, gaar ahaanna hadalkaas u la dan lahaa Cali Goodir oo Negeeye gu keliya ka yar. Laakiin dadka kaleba Negeeye waxaa ay huwiyeen hiif iyo habaar.

                                                                                                      “Wacad Alle ku qabay! Dhaartii uu isaga xor ah xiskiisuna dhan yahay Kitaabka Alle ku xagaf siiyay yaa ku khasbay!” ayaa lagu celceliyay.

                                                                                                      2

                                                                                                      Isku habeen ayaa laba ilmood mid cudur ku dhalanayaa midna caafimaad. Mid baa u dhalanaya qoys hodan ah oo qasri ku nool, midna qoys dawarsada quudka ay ku nool yihiin. Ka hore muxuu abaalmarintaa ku mutaystay, kan labaad se ciqaabtaa ku galabsaday? Qaddar? Wax badan baa la isku dayaa in la qeexo macnaha qaddar, laakiin qofka cilmi kororsi qodobkaas ku saabsan cid u la taga shaki ku ma jiro in uu la soo noqonayo jahli ka weyn kii uu awal ka qabay.

                                                                                                      Haddaba bal aynu arrinta fududayno oo qaddarka u bixinno sabab. Sababo badan oo isbiirsada ayaa abuura fursad la eedo ama loo aayo. Noolaha qudhiisuna sababaha uu eedayo ama u aayayo abuuristooda wuu ka qayb qaataa. Sabab qalaad oo dusha ka timid iyo ta la abuuro dhexdooda ayay doorasho iyo xorriyadi ku jiraan. Labadaa kefadood hadba ta cuslaata ayaa dhankeeda loo ciiraa. In kasta ha la’ekaato ee haddiiba ay doorasho furan tahay dadka qofba waa halka uu nolosha ka abbaaraa; waa halka uu dan bido ama dookhu u hoggaamiyaa. Talada oo xumaata ama samaata, toogashada yoolka oo qalloocata ama qummanaata, iyo dadaalka oo bata ama yaraada, ayaa miisaanka kefedda labada dhan mid uun u ciirin kara.

                                                                                                      Galab ay xagaayo culusi markaa Xamar ka kacday ayay nin konton jir ah oo dhutinaya iyo kuray kow iyo toban jir ah oo wada socdaa waddada 26-ka Juun, intii aanay isgoyska Kaasa Bobballaare gaadhin, dhanka bari u gooyeen. Wiilku wuxuu gashan yahay laba qayd oo uskag ah uu mid guntan yahay midna garabka ku sito, iyo kabo maas ah oo duug ah, timuhuna u ma shanlaysna. Intiisa wuu ku dheer yahay, waa wayd, da’da uu jirana waa loo garan karaa. Odaygu isaguna wuxuu xidhan yahay macawis iyo shaadh duug ah, kabo maas ah iyo go garabka u saaran. Wuu dhutinayaa tukubi se maayo, waxaana ka muuqda xoog iyo caafimaad. In kasta oo ay tallaabo dheeraynayaan yarku wuu baallodaymoonayaa, wax walbana sii eegayaa oo la yaabayaa. Qacda horeba waa la garanayaa in ay yihiin reer miyi.

                                                                                                      Albaab ganjeelo ah ayuu odaygii garaacay, waxaana ka furay nin dheer oo dhawr iyo afartan jir ku qiyaasan oo ay labada dhafoor cirro ka rushaysay. Ka dhutinaya ayaa da weyn laakiin haddii loo fiirsado waa ay isu eg yihiin. Ninkii dhutinayay ayuu si diirran u gacanqaaday, haddana yarkii gacan weyn oo ay tiisii yarayd ku dhex luntay inta uu ku salaamay madaxa u salaaxay, dabadeed gudaha u gudbiyay. Markii shaah iyo cabbitaan kale la wada cabbay ee la isyar waraystay ayuu kii reer miyiga ahaa yidhi:

                                                                                                      “Rooble, ninkan yar waad garanaysaa ayay i la tahay. Waa Raage, waxaan kuugu keenay in aad dad ka dhigtid oo meel ka soo saartid, sidii aad hore u tidhi.”

                                                                                                      Rooble yarka waxaa ugu dambaysay laba sano ka hor markaas oo uu miyiga soo booqday. Laakiin si fiican ayuu wejigiisa u xusuustay. Leyla Rooble, oo Raage gu ka yar, iyo hooyadeed Qarad ayaa saddexda nin fadhiga ku weheliya.

                                                                                                      Waxii ugu horreeyay ee Raage loo qabtay waxay ahayd in labadii qayd ee uskagga ahaa laga tuuro, loona qubeeyo. Markii uu Rooble islaantiisa Qarad u sheegay in ay inanka ay aayada u tahay u qubayso khajilaad ayuu la dhididay. Nin weyn ayuu isu arkayay ee in loo qubeeyaa sow carruurnimo ma aha? Laakiin cidiba isaga talo ma ay wayddiin ee sidii qof bukaansocod ah ayaa loo maamulay. Saabuun iyo shamboo udgoon ayaa habeeddii geela iyo toxobtii loogaga qubeeyay, dabadeed loo geliyay macawis iyo shaadh aad uga weyn oo Rooble lahaa, waxaana loo ballanqaaday in berri dhar la’eg loo soo iibin doono.

                                                                                                      Waxyaalihii uu magaalada ku soo arkay iyo gurigan weyn, cuntadii dhadhanka cusub lahayd ee lagu cashaysiiyay iyo saabuuntii udgoonayd ee loogu qubeeyay, dharka nadiifta ah ee loo geliyay iyo sariirta debecsan ee aanu weligii gogol la mid ah dhinaca dhigin, intuba Raage waxay ku abuureen cabsi iyo farxad isku jira ilaa uu mooday in uu riyoonayo. Laakiin wuu daallanaa, sidaas darteed markii uu casheeyay ee qol bannaan la seexiyay judhiiba wuu gam’ay.

                                                                                                      Raage in uu Muqdisho yimaaddaa waxay ahayd fursad iyo nasiib, qaddar. Geela badan ee aabbihii in uu wax ka dhaqo, magaca tolkiina meel ka galo, ayaa ahaa labada ujeeddo ee sidiisaba loo dhalay. Laakiin gugii uu kow iyo toban jirsaday, goor barqo ah, isaga iyo aabbihii, Xirsi-Micilibaax, oo geela la wada jooga ayay samada ka maqleen guux xoog leh. Markii ay eegeen waxay arkeen diyaarad masaafo aad u sarraysa duulaysa oo ay qorraxdu si aad ah midabkeeda cad u muujinayso. Midkoodna weligii iyada hawada jibaaxaysa mooyee diyaarad si kale u ma uu arag. Raage markii uu diyaaraddii cabbaar eegay ayuu khayaaliga maskaxdiisu godladay.

                                                                                                      “Bal aabbe ka warran diyaaraddaa waxaa wada nin aniga i la mid ahe!” “Haa, nin qayrkaa ah ayaa duulinaya.”

                                                                                                      “Aniguba waan duulin kari lahaa haddii aan barto”, ayuu yarku ku faanay.

                                                                                                      “Ma doonaysaa in aad baratid?” “Maxaan u dooni waayay. Laakiin xaggee lagu bartaa?” Diyaaraddii waa ay libidhay, guuxiina wuu aamusay. Hadalkaas ay isaga iyo wiilkiisu isdhaafsadeen maskaxda Micilibaax wuxuu kaga tegay raad, cabbaar ayuuna ka sii fekeray. Waqti aan maalintaa ka fogayn waxaa booqasho ugu yimid nin ay walaalo yihiin oo mutacallim ah, oo Xamar ka shaqeeya. Wuxuu ahaa Rooble oo siiyay talo ah in uu wiilasha qaar u keeno si uu wax u baro. Wuxuu si gaar ah u xasuustay in uu ku yidhi:

                                                                                                      “Ninkaa Raage aan wax baro oo dad ka dhigo ee dhakhso iigu keen.” Micilibaax hadalkaa walaalkii berigaa si dhab ah ugama fekerin, laakiin maanta ayuu dib u dhuuxay. Wuxuu maskaxda ka sawiray Raage oo maalin maalmaha ka mid ah diyaarad hawada cayntaarinaya. Taasi wax xun iyo wax san midka ay tahay ayuu ka fekeray. In samada la duulaa awood Ilaahay iyo mid sheyddaan ta ay noqon karto ayuu maleeyay, wuxuuna u arkay mucjiso in laga war doono mudan. Wuxuu lee yahay lix wiil oo Raage ka waaweyn iyo afar ka yaryar, sidaas darteed haddii uu isaga iskuul ku daro rag geela la dhaqa waayi maayo.

                                                                                                      “Haddii aan adeerkaa Rooble kuu geeyo wax ma baranaysaa, mise saaqid sigaarka cabba ayaad noqonaysaa?” ayuu wayddiiyay.

                                                                                                      Raage su’aashu waa ay ku kedisay. Waxay ahayd arrin ka weyn mid lagala tashado, waayo ma uu fahamsanayn waxa uu taa macnaheedu yahay. Laakiin goor dambe ayuu maleeyay waxbarashada iyo magaalada macnahoodu in uu noqon karo nolol la mid ah ta adeerkii Rooble ee dharka bilicda leh iyo saacadda xidhan, isla markaana farta gaalada akhriya. Berigaa waxii la akhriyo ee aan diinta iyo carabida ahayn waxaa loo yaqaannay “far gaalo”, waayo waxay ahayd intii aan af soomaaliga qudhiisa fartaa lagu qorin.

                                                                                                      “Haddii aad adeerkay ii geyso, waxaan baran lahaa sida farta gaalada loo akhriyo iyo sida diyaaradda loo duuliyo.”

                                                                                                      Maalintaas ayuu Micilibaax Raage dhoof u tabaabulsheeyay. Isaga oo magaalo soo galay haddana wuxuu noqon kari lahaa geerashboy, jeeble, baalashle iyo tuug. Kumanyaal la fac ah ayay sababtu xaggaa u tukhaantukhisay oo ku nool lufluf iyo feenashada lafaha qaddarka. Isagana sababtu dhan kale ayay u hoggaamisay oo wuxuu la degay qoyska adeerkii. Waa qoys deggan oo ka kooban adeerkii Rooble oo ka shaqeeya Wasaarada Waxbarashada, afadiisa Qarad oo kalkaaliso ka ah Isbitaalka Guud ee Digfeer iyo gabadhooda keliya, Leyla, oo Raage gu ka yar. Waxay deggan yihiin guri ku yaal degmada Hodan.

                                                                                                      Imaatinka Xamar wuxuu ku ahaa yaab farxad iyo baqdin labadaba leh, wuxuuna dareemay sidii uu duni kale u gudbay. Waxaa mar qudha isbeddelay wax kasta oo uu yaqaannay: arag, maqal, ur, dhadhan iyo taabasho intaba. Miyiga dareen kasta wuu oddorosi kari jiray, laakiin Xamar wax sidii ahi ma jiraan. Saxansaxadii roobka, urtii dhirta iyo xabagta, cawskii, rayskii, habeeddii geela, digadii xoolaha, xasharaadkii, raadadkii ka la duwanaa ee noolaha, waxaas oo dhan waxaa beddelay qiiqa shidaalka gubtay, sigaarka, dufanka, dhididka dadka iyo cadarka.

                                                                                                      Waxyaalo badan ayuu bilawgii nolosha magaalada ka fahmi waayay, su’aalo aan tiro iyo xaddi lahayn ayaana maalin walba maskaxdiisa ku soo faruurmay. Bilawgii carruurta la da’da ah ee magaalada wuxuu u arkayay in ay isaga ka nasiib badan yihiin, wuxuuna ku dadaalay in uu ku daydo: sidooda u dhaqmo, lahjaddooda ku hadlo. Laakiin muddo ka dib ayuu ogaaday waxyaalaha ay ku dhaamaan in aanay ka badnayn waxyaalaha uu qudhiisu iyaga ku dhaamo. Af soomaaliga, suugaanta, dhaqanka iyo nolosha ballaadhan ee bulshada miyiga, ee aanay carruurta magaaladu wax badan ka aqoon, ayuu ogaaday in ay tahay aqoon qiimo leh. Gaar ahaan taa waxaa ku baraarujiyay Rooble oo arkay sida uu yarku laba dhaqan u dhex heehaabayo.

                                                                                                      Waxyaalaha ku cusub ee uu sida weyn u la fajacay waxaa ka mid ahaa badda. Ilaa markii uu yaraa wuu maqli jiray bad, wuuna maleeyay in ay tahay biyo aad uga badan kuwa balliyada ee uu ilaa markaa yaqaannay. Laakiin maalintii ugu horraysay sawirkii uu ka haystay wuu beenoobay. Ma ay ahayn meel xoolo ka cabbayaan daafahana dhooqo ku ma ay lahayn sidii uu ku yaqaannay goobaha biyaha leh. Wuxuu isku dayay in uu eego halka ay ku dhammaato, wuu se arki waayay wax aan ahayn ban madow oo ay hirar cadcadi ku legdamayaan maraakiib ka la nooc ahina dhex gurguuranayso. Ishiisu waa ay qaban wayday meel ka sokaysa halka ay iyada iyo cirku iska galaan.

                                                                                                      Baaxadda biyaha iyo baxaadeggoodu waxay ku rideen amankaag iyo dhabanno qabsi, cabbaar dhan ayuuna dacal taagnaa oo su’aalo iska wayddiinayay. Malaha roobkii dunida ka da’ay oo dhan ayuu daadkiisii halkan ku soo wada shubmay, ayaa fekerkiisa ka mid ahaa. Waxa ay ahayd xeebta Liido, isaga oo aan cid u sheegin ayuuna keligii maalin jimce ah halkaa tegay. Dadka aan tirada lahayn ee xeebta joogay waa ay wada faraxsanaayeen, oo xataa kuwa waaweyni sida dhallaanka ayay biyaha iyo bacaadka ku cayaarayeen. In kasta oo uu jawiga aad uga helay haddana markii uu arkay dadku in ay koox koox istaqaan u wada socdaan una wada cayaarayaan wuxuu dareemay kelinnimo. Miyiga ayuu ku dabbaal bartay sidaas darteed wax dhibaato ah ka la ma uu kulmin, waxaa se aad u xiise badnaa biyaha dhanaan ee la moodo in milix lagu milay iyo mawjadaha xoogga leh ee la moodo in uu jin ku galgalanayo.

                                                                                                      Ragga waaweyni waxay ku dabbaalanayeen surwaallo hoose, dumarku se dhar caadi ah oo markii uu ku qoyay ku dhegey xubnahooda xasaasiga ahna wada muujiyay. Laakiin isagu sida kurayada la da’da ah ayuu qaawanaan ku dabbaalanayay, dharka iyo kabahana inta uu isku duubay ayuu meel aan ka durugsanayn oo biyaha debedda ka ah dhigtay. In kasta oo aanu baqdin badan ka qabin in laga qaato, oo ay dabeecaddii miyiga ee aamminka ahayd ku jirtay, haddan intaa isha ayuu ku hayay. Dabadeed mar dambe ayuu halkii ay alaabtu u taallay eegay, mise waxba ma yaallaan, markiibana wuxuu arkay saddex kuray oo sii sita.

                                                                                                      Degdeg ayuu biyaha uga soo baxay oo dhankoodii isu sii daayay. Iyaguna markii ay arkeen in uu soo ordayo ayay cagaha wax ka dayeen. Isagu wuu qaawan yahay, iyaguna waa ciyaal suuq oo wax liita oo dhar lagu sheegi karo ayay xidhan yihiin. Cagta ayuu cagta u saaray. Ka dheerayn maayaan oo waa nin geel raaci jiray, laakiin waa saddex oo ka uu qabtaaba mid kale ayuu alaabta u tuurayaa. Dadku u juuqi maayaan oo waxaa la moodayaa ciyaal suuq cayaaraya.

                                                                                                      Mid ayuu ku mintiday oo tabco ku legday, laakiin labadii kale ayaa inta ay ka rogeen isaga harraati iyo feedh ku waalay, dabadeed waa ay sii yaaceen. Degdeg ayuu u kacay oo sii eryaday, ilaa ay la galeen luuqyo yaab leh oo dhex mara xaafad lagu naanayso Jebeljaan, oo sida magaca ka muuqata aad mooddo magaalo jin. Halkaas ayay ugu dambayn iyaga oo dharkii sita kaga lumeen.

                                                                                                      Isaga oo qaawan oo kabola, oo kulaylka ba’an ee qorraxda iyo harraad la haraaryoonaya, ayuu sidii dawac ugaadhsi ku soo hungoobay luuq ka soo baxay. Dharka laga qaatay waxaaba kaga daran lacag uu xaafaddii baabuur ugu raaco ma haysto oo qaddaadiicdii jeebka ayay ka raacday. Taa waxaa kaga sii daran xanaaqa haya, wuxuu ku dhow yahay in uu dillaaco. Wax tuug ah oo aan anshax iyo edeb lahayn, oo naftooda iyo tolkoodba ceeb iyo magacxumo u soo jiiday ayuu u arkaa nimankaa dharka ka la yaacay. Wuxuu ka la garan waayay taasi in ay tahay dhaqan ay dadka magaaladu leh yihiin iyo akhlaaq xumo kurayadaa u gaar ah.

                                                                                                      Isaga oo aad u xanaaqsan, isla markaa qaawanaanta ka yaxyaxsan, ayuu oday cimaamad garabka ku sita gacanta ku dhegay oo ugu cawday:

                                                                                                      “Adeer, ciyaal tuug ah ayaa dharkii igala yaacay ee cimaamadda i sii aan ilaa guriga sii guntadee.”

                                                                                                      Odaygu markii uu kurayga qaawan ee gacanta haysta arkay ma uu haleelin feker aan ahayn in uu yahay derbijiif doonaya in uu jeeb siibo ama cimaamadda ka la cararo. Inta uu bakoorad ku waabiyay ayuu ku canaantay:

                                                                                                      “Waar cimaamad lahaane iga fogow, nejis yahow nejisku dhalay!” Raage xanaaqii ayaa kaga sii daray orod ayuuna isa sii daayay, isaga oo gurigii abbaaraya ayuuna magaalada dhex jibaaxay. Wiilkan qaawan ee sidii faras shimbir qaba u xiimaya qofkii arkaaba wuxuu mooday in uu qoys nasiibdaran ka soo waashay. Laakiin isagu eegmada yaabban ee dadka sida dabaysha ayuu xuf ku dhaafayay. Milixdii badda iyo qorraxdu dubkiisii awalba madoobaa waxay u egaysiiyeen dhuxul maygaag.

                                                                                                      Wax uu ordaba gurigii ayuu soo gaadhay. Isaga oo aan hareeraha eegin cidna la hadlin ayuu qolkiisa galay oo go ka soo guntaday, kijada inta uu galay ayuu biyo ka dhergay, dabadeed musqusha galay oo qubays bilaabay. Markii uu soo baxay qolkiisa ayuu hoosta ka soo xidhay oo sariirta isduubay. Cid walba wuu u xanaaqsanaa.

                                                                                                      Xaafadda markii uu soo galay deriska intii arkaysay waa ay la yaabeen, carruurtuna waa ay ku qosleen oo qaarkood guriga ayay kaga dabo galeen. Aqalka markii uu soo galay qoysku fadhiga ayay wada joogeen oo maqnaantiisa ka hadlayeen. Isaga oo qaawan markii uu orod ku dhaafayna wax lagu maleeyo waa la garan waayay.

                                                                                                      Maalintaas waxaa raacday naanaysta ah Qaawane.

                                                                                                      ***

                                                                                                      Reerka uu Raage ku soo biiray waxay ahaayeen qoys aad u urursan. Dadka ay isbooqdaan aad ayay u koobnaayeen, bil isaga oo aan joogin ayuuna wada bartay dhammaan dadka ay isbooqdaan. Rooble iyo Qarad labaduba waxay ahaayeen dad hadal yar, si walbana uga duwan labadiisa waalid ee uu miyiga kaga yimid. Inta eray ee maalin dhan afkooda ka soo baxa waa la tirin karayay. Aamuska dartii bilawgii xataa waxaa uu ka shakiyay in ay qabaan cudur lagu magacaabo aamus. Wuu qirsanaa in ay isaga aad u xushmeeyaan laakiin waxay ahaayeen dad yaab leh. Waxaa se wehel u noqotay Leyla oo iyadu u muuqatay qof caadi ah.

                                                                                                      Wuxuu kale oo ogaaday deriska iyo xigtadu qoyska in ay u yaqaannaan reer Gaal-ismood, waayo Rooble iyo Qarad waxay lahaayeen dhaqan ka bulshada ka duwan. Marka ay wada socdaan gacmaha ama dhexda ayay isqabsadaan, oo xataa marka ay doonaan dadka hortooda waa ay isku dhunkadaan. Rooble ragga ay afadiisu xafladaha ku la qoobcayaarto iyo kurayada ay Leyli raacdo midna kama hinaaso. Sababta dareenka hinaasaha ka qaadday waxaa lagu sheegay berigii uu Yurub wax ku baranayay in uu cunay hilib doofaar. Yaabka kale ee lagu arkay waa iyaga oo aan weligood tukan, xataa ciidaha, xataa jimcaha Rooble masjidka oo boqol tallaabo u jira ma tago.

                                                                                                      Iyaga oo muddo dheer isqabay haddana in ay gabadh keliya isu leh yihiin loo ma arko qaddar Eebbe, ee dadka xantooda u jajabani waxay u badiyaan in ay dhasha iska xidheen. Wax kasta oo dabeecadda Rooble laga fahmi waayo waxaa lagu fasiray dhaqan uu dhul gaalo ka la yimid. Walaalihii iyo ilmo adeerradii intii aanay ka quusan si walba waa ay isugu dayeen in ay naag kale u guuriyaan si uu wiilal u dhalo. Sababtaas ayay Qarad u la wada col tahay oo ehelnimo kale ha joogto ee badankood albaabka ka ma furto.

                                                                                                      Waxyaalaha qoyska lagu la sii colloobay ee lala wada fajacay waxaa ka mid ah Rooble iyo Qarad oo heshiis ku ah gabadhooda Leyla in aan la gudin. Gudniinka waxaa loo arkayay mid ka mid ah tiirarka islaamka, qofka aan gudnayna waxaa loo haystay nijaas ay taabashadiisu xaaraan tahay. Maalintaa horteed sheeko lagu ma maqal shaahidna lagu ma arag, rag iyo dumar, soomaali aan gudnayn. Rooble iyo Qarad markii taa lagala hadlay wax ay ku doodeen gudniinka iyo qodobka gabdhuhu in aanu diin iyo dhaqan wanaagsan midna ahayn, ee yahay taloxumo fircoon hinaasi ahi kumanyaal sano hortood maleegay.

                                                                                                      Leyli in kasta oo ay cay joogto ah oo taa ku saabsan filkeed ku qabtay, haddana aad ayay ugu faraxsanayd in ay ka badbaadday hoogga iyo xanuunka ay qayrkeed qabaan. Asxaabteeda oo dhan mid walba markii la guday waa ay ogayd, waana ay la socotay waxii ay dhibaato iyo xanuun mareen.

                                                                                                      Wax ka jira iyo wax lagu darayba dhaqanka Rooble iyo dadka ee sidaas isu mudayaa waxay sababeen isdhexgal la’aan. Laakiin isagu sidaas ayuu raalli ku yahay oo odayaasha xaafadda ee uu badowda u arko dhexgalkooda ma tabo, marka uu sheeko u baahdana asxaab tiro yar oo ay qaar isku shaqo yihiin ayuu makhaayad bunka lagu cabbo ku la kulmaa.

                                                                                                      Raage waxa kale oo uu ogaaday sida deriska si ka daran Rooble in ay tolkii u neceb yihiin, taas oo ah sababta ay gurigiisa u iman waayeen. Maalin ayuu laba oday oo ay isxigaan albaabka ka furay, iyaga oo aan soo gelin ayay wayddiiyeen: “Adeer, sow ina Micilibaax ma tihid?” “Haa.” “Rooble ma joogaa?” “Maya, wuu maqan yahay.”

                                                                                                      “Adeer, weynow oo wiil iyo caano noqo ee marka uu yimaaddo waxaad u sheegtaa: carradii waxaa ka dhacday dhiillo, oo nimankii ninka dilay laba nin baa laga soo dilay, waana laguu baahan yahay ee sannadkaa maanta ah nin lagu tashado iyo nin laga tashado mid uun noqo. Sidaas u sheeg adeer, hadalkaana cid kale yaanay kaa maqlin.”

                                                                                                      Raage wuu ogaa nin uu yaqaannay oo qoyskooda ah in dhowaan miyi lagu dilay, sidii uu uga xumaaday si la’eg ayuuna in loo aaray ugu diirsaday. Wuxuu dareemay faan iyo islaweyni ah in aan tolkii laga adkayn lana liidi karin. Fiidkii markii uu farriinta Rooble u sheegayayna wuxuu filayay isaguna in uu si la’eg ugu farxo, laakiin wuxuu ku jawaabay:

                                                                                                      “Dhiillo ha ka bixina! Weligood ma dhiillo ayay ku jirayaan?!” Danayn la’aanta danta xigaalka ee Rooble yarka waa ay kaga xanaajisay, wuuna fahmi waayay. Wuxuu u arkay fulaynimo, bakhaylnimo, tol nacayb iyo dhiigdarro, kuwaas oo dhammaan wada ah sifooyin aan nin sharaf iyo dadnimo ilaashanaya ku habboonayn. Dabeecadda adeerkii wuxuu dhinac dhigay tii aabbihii, waxaana u soo baxay laba qof oo si walba u ka la duwan. Sida uu uga xumaaday adeernimada Rooble si la’eg ayuu ugu farxay aabbenimada Mici-libaax.

                                                                                                      Dhacdadaasi waxay ahayd tii ugu horreysay kuwo badan oo Raage ogaysiiyay ka la faquuqnaanta Rooble iyo tolka.

                                                                                                      Si uu shakhsiyadda adeerkii u fahmo wuxuu xasuusta ka baadi goobay wax uu ka maqlay intii aanu u iman. Laakiin ma uu xasuusan wax macno leh oo aan ahayn hadal uu mar aabbihii ka maqlay kaas oo ahaa: “Rooble wuxuu igu yidhi: ‘Ninkaa Raage aan dad ka dhigo oo meel ka soo saaro ee dhakhso iigu keen.’ Moodi maayo qofku haddii aanu iskuul dhigan in uu dad noqon karo.” Xasuustaa yar wuxuu ka dhex helay xaqiiqo ah adeerkii tacliinta in uu u arko dadnimada, isla markaa doonayo isaga in uu dad ka dhigo.

                                                                                                      In kasta oo uu xaqiiqsaday reerku in ay naxariis badan yihiin, haddana aad ayuu ugu hiloobay noloshii furfurnayd ee qoyskooda, wuxuuna aad ugu hiloobay cayaartii iyo kaftankii walaalihii. Laakiin qunyar qunyar ayuu u la qabsaday una jeclaystay qoyska iyo magaalada; qunyar qunyar ayuu u dareemay in uu ka raystay noloshii qallafsanayd ee miyiga.

                                                                                                      Ina adeertii Leyla ayay si gaar ah isu fahmeen. Qudheedu ma ay hadal badnayn, waxa ay se u hadli jirtaey si nooc kale ah oo ka duwan sidii hablihii yaryaraa ee uu miyiga kaga yimid. Waxay ku hadli jirtay erayo waaweyn, mararka qaarkoodna wuxuuba moodi jiray in ay aad uga da weyn tahay, wuxuuna ku xasuusan jiray hooyadii. Tusaale ahaan si filanwaa leh ayay ugu amri jirtay: “Orod qubayso!” “Dharka iska beddel!” “Halkan miyigii ha moodin!” iyo wax la mid ah.

                                                                                                      Qallafsanaanta reer miyinimada darteed in kasta oo ay u taag wayday waxay isku hawshay in ay indho iyo dhego u noqoto si ay maskaxda uga qabsato. Waxa ay se ugu yaab badnayd maalintii ay iyaga oo keligood guriga jooga wayddiisay:

                                                                                                      “Ma taqaan sida ay dadku isu uureeyaan?” Wuu yaxyaxay, laakiin isaga oo iska ilaalinaya in ay ka ilhesho ayuu ugu jawaabay:

                                                                                                      “Haa.” “Waa sidee?” ayay sii wayddiisay. “Adigu haddii aad taqaan waa sidee?” Markii ay aragtay in uu khajilay ayay si islaweyni leh u tidhi: “Inan fiican baad tahay, waxaad se tahay geeljire, markaas waxaan kuu sheegayaa wax cilmi ah. Waxaa isku darsama shahwada ragga iyo ugaxda dumarka, dabadeed waxaa ka abuurma ilmo. Waa isla sida ay xooluhu isu rimiyaan.”

                                                                                                      Hadalkeeda inta hore wax badan ka ma uu fahmin, inta dambe ayuu se tixraacay wuxuuna ku jikaaray:

                                                                                                      “Dadka iyo xooluhu ma isku mid baa?” “Haa, xataa geela.” “Dadka iyo xooluhu isku mid ma aha. Waxaas yaa kugu yidhi?” ayuu wayddiiyay isaga oo mar la yaabban marna libta u diiddan.

                                                                                                      Daaradda ayay joogeenee iyada oo aan u jawaabin inta ay gudaha gashay ayay mid ka mid ah buugta hooyadeed la soo orodday. Wax uu ahaa buug caafimaad oo leh sawirro, waxayna soo rogtay bogag ay ku sawiran yihiin xubnaha taranka dadku. Si degganaan iyo isku kalsooni leh ayay bilaw ilaa dhammaad ugu sharraxday sida ay xubnahaasi u abuuran yihiin iyo sida ay u koraan; sida ay isu galaan iyo sida ay isu tarmiyaan. Waxay u egayd macallimad xariifad ah, laakiin isagu khajilaad ayuu la dhididay.

                                                                                                      Maalin kale iyada oo qolkeeda wiil isaga la’eg sariirta la galgalanaysa ayuu arkay, dabadeed inta uu inankii debedda u eryay iyadana ku canaantay:

                                                                                                      “Mar dambe haddii aan agtiisa kugu arko waan ku garaacayaa!” Iyaduna waxay isu difaacday si uu qaadan waayay iyada oo tidhi: “Waanu isjecel nahay ee adiga maxaa kaa galay?” Dhaqanka miyiga ninku ina adeertii difaaca sharafteeda mas’uul ayuu ka yahay, sidaas darteed Raage xil aan ka aabbaheed ka yarayn ayuu Leyla iska saaray. Laakiin dhaqan yaab leh oo uu ku wareeray ayuu qoyska ugu yimid. Rooble qudhiisu dhawr jeer ayuu islaantiisa Raage iyo Leyla hortooda ku dhunkaday kuna xoodaamiyay, taas oo ahayd caado Raage indhihiisa ku cusub. Filinkii ugu horreeyay ee uu galay, oo ahaa filin caddaan ah, ayuu dhaqankaas mar kale ku arkay, wuxuuna maleeyay in ay tahay halka uu adeerkii caadadaa ka keenay.

                                                                                                      Wuxuu ka fekeray reerka uu u yimid hodan iyo sabool mid ay yihiin. Xaaladdooda dhaqaale mar wuxuu dhinac dhigay aabbihiisa geela badan, mar kalena qoysas deriska ah uu noloshooda wax ka arkay, laakiin waa ay ku adkaatay in uu xukumo. Marka uu eego baabuur la’aanta odayga iyo dahab la’aanta islaanta, ee uu qoysaska deriska ah qaarkood ku arkay, isla markaana eego xoolo la’aanta gaadhsiisan in ay xataa caanaha soo iibsadaan, waxay la noqotaa in ay yihiin foqoro. Laakiin haddana marka uu arko guriga ay deggan yihiin ee meesha ugu fiican Hodan kaga yaal, buugaagta armaajada weyn ku teedsan ee weliba intaa la soo kordhinayo, cuntada guriga laga cuno ee aad uga fiican tii miyiga, jimce walba sida ay qoyska oo dhami shineemo u galaan, iyo sida ay mararka qaarkood odayga iyo islaantiisu ruwaayad u aadaan, markaas malihiisu wuxuu u bataa in uu la nool yahay reer ladan.

                                                                                                      Guriga marka ganjeelada laga soo galo albaabka waxaa ka soo horraysa daarad aan sidaas u weynayn laakiin nadiif ah oo geed weyn oo mirimiri ahi ka dhex qotomo. Shanta qol ee uu ka kooban yahay ka ugu shisheeya waxaa leh odayga iyo islaanta, ka bidix ka xiga waxaa leh Leyla, mid keeda ka soo horjeeda waxaa la dejiyay Raage, ka ugu sokeeya ee kijada ku xigaa waa ka fadhiga, mid shanaad oo kijada ka soo hor jeedaana waa ka akhriska.

                                                                                                      Rooble waa nin tacliinta iyo wax akhriska aad u jecel. Ingiriiska ayuu jaamacad kaga soo baxay dabadeed shaqo uu markaas ku faraxsanaa Wasaaradda Waxbarashada ka helay. Dhaqanka wax akhris badnaanta ah oo uu qoysku ka siman yahay isaga ayaa hormuud ka ah. Qolka akhriska waxaa taal armaajo ay buugaag ingiriisi ahi ka buuxdo, waxaana dhex yaal miis ballaadhan iyo kuraas ku xeeran, ilays cad oo qolka dharaar ka dhigaya ayaana ka soo dul lusho. Halkaas ayuu inta badan marka uu guriga joogo wax ku akhristaa carruurtana duruusta kaga caawiyaa. Qolkaa waxaa ka reebban wax aan akhris ahayn. Gurigaas ayay reerku kiro ugu jireen ilaa markii ay Leyla oo maanta toban jir ahi labo jir ahayd.

                                                                                                      Waxyaalahaa xiisaha iyo yaabka leh ee uu Raage Xamar ugu yimid wuxuu ka fekeri jiray una fiirsan jiray intii uu cusbaa ee uu firaaqada haystay, dhawr bilood ka dib ayuu se afar ku noqday saddexdii dhegoole. Wuxuu bilaabay dugsiga, luqadaha carabida iyo ingiriisida, oo ay maaddooyinka guud dheer yihiin ayaana isku mar loo bilaabay.

                                                                                                      “Waxaad tahay kow iyo toban jir, tacliin aan Qur’aan ahayna ii la ma aad iman. Sidaas darteed wax walba waa in aad ka soo bilawdaa halkii aad lix jirkaagii ka soo bilaabi lahayd, isla markaasna aad labaatan jirkaaga jaamacad ku jirtaa. Waad samayn kartaa haddii aad doontid waayo maskaxdeeda waad lee dahay”, ayuu adeerkii ku yidhi habeen ay wada fadhiyeen qolka akhriska.

                                                                                                      Raage hadalkaa u ma uu qaadan oo keliya talo ee wuxuu u arkay heshiis. Markiiba labadii luqadood degdeg ayuu uga adkaaday. Gaar ahaan ingiriisida oo ahayd ta uu qoraalada duruusta dugsiga ka baxsan ku akhriyo ayuu sannad in ka yar xakamaha ku qabtay oo ka dhigtay sange uu ugu duulo waxa aqoon ubucdeeda jiifta.

                                                                                                      Shaki ku ma jiro qofku nicmo aanu haysan jirin haddii uu helo in uu siinayo qiimayn iyo jacayl ka badan ta uu siiyo qofka weligii iskaga dhex jiray. Sidii uu wax akhriska u bartay Raage buug waliba wuxuu u ahaa duni cusub oo uu albaabka u furay. Haddii ay ahayd in uu ka adkaado casharrada dugsiga intaasi kagama ay fillaan oonkii ba’naa ee jacaylka akhrisku ku abuuray. Mararka qaarkood saqdhexe ayuu hurdada ka soo boodi jiray oo buug uu fiidkii ka lulooday mar kale akhris u la fadhiisan jiray. Saddexdii sano ee ugu horreeyay waqtigiisu wuxuu u qaybsanaa dugsiga, miiska akhriska iyo sariirta hurdada.

                                                                                                      Si uu u bakhtiiyo dabka ay aqoonta cusubi ku shidday wuxuu ku xidhmay maktabadaha, xarumaha dhaqanka ee shisheeyaha iyo meel kasta oo uu ka heli karo wax uu akhriyo, meelahaas oo uu Rooble geeyay.

                                                                                                      ***

                                                                                                      Markii uu Raage Xamar soo galay laba sano ka dib ayuu goor caways ah miiska akhriska ka soo yar kacay una soo baxay daaradda oo uu hadal ka maqlay. Doob aanu weligii hore u arag oo dhego dhaadheer, ayaa Rooble iyo Qarad la fadhiya. Sida dharkiisa iyo timaha qaabka daran ka muuqda ma aha qof magaalo. Rooble ayaa ku yidhi: “Raage, ninkani waa ina abtigaa Negeeye oo ay dhashay eeddadaa Dhool ee kaalay salaan.”

                                                                                                      Weligii ma uu arag eeddadii Dhool, wax badan ayuu se magaceeda maqlay iyo in ay u dhaxday beel ka fog meesha uu isagu ka yimid.

                                                                                                      Negeeye markii uu Goodir diley dhawrkii cisho ee ka dambeeyay kaynta ayuu dhuumaalaysanayay, isbedelka xaaladdana xan dhegeysanayay. Wuxuu filayay qoyskii uu Goodir ka dhashay in ay aarsan doonaan, taasina ay abuuri doonto dagaal labada reer ka dhex qarxa, markaasna isaga iyo qorigiisaba loo baahan doono. Laakiin waxba ma ay dhicin. In kasta oo ay bilawgii xiisaddu cirka isku shareertay, laba dhinacna looga ka la dareeray, haddana xaalku wuxuu ku dambeeyay in la wada hadlo. Markii uu taa ogaadayna ma arkayn sabab macno leh oo Damalweyn ku celin karta. Sidaas darteed qorigii ayuu iibiyay, baabuur tuuladii uu qoriga ka iibiyay taagnaa ayuuna ku booday, saddex maalmood ka dibna waa ka halkan fadhiya.

                                                                                                      Goor fiid ah ayuu Ceelgaab baabuur siisow ah kaga degay. Markii uu habaaskii safarka iska tumay, ee uu ilaysyadii xoogga lahaa ee Xamar hareeraha eegay, boqollaalka kun ee ku nooli isaga habeenkaa waxay u ahaayeen oo keliya qoyska abtigii, Rooble, oo aanu weligii maqal mooyee muuq ku arag. Haybi waa summad ee waqti badan ku ma ay qaadan in uu Ceelgaab ka helo nin ay isku reer yihiin oo keenay guriga abtigii.

                                                                                                      Rooble ninkan cusub wuxuu ku la taliyay in uu dhakhso u barto xirfad uu ku shaqaysto. Wuxuu ugu celceliyay nolosha magaaladu in ay ka duwan tahay tii miyiga iyo tuulada, qofka aan xirfad lahaynina weligii sida dameerka dhabarka culays ku sidayo.

                                                                                                      In muddo ah ayay ka wada fekereen xirfadda ku habboon ee ay tahay in uu barto, dabadeed waxay isla garteen in uu bilaabo barashada farsamada baabuurta. Imaatinkiisii bil ka dib ayaa la geeyay geerash farsamadaa laga barto. Waxay ahayd shaqo iyo waxbarasho isku dhafan, sidaas darteed lacag laga ma qaadi jirin isagana la ma siin jirin. Waxaa se lagu la heshiiyay marka uu barto aqoon uu shaqooyinka qaar ku qaban karo in mushahar yar loo bilaabi doono, ilaa uu farsamoyaqaan noqdo markaas oo mushahar buuxa la siin doono. Taasi waa ay raalli gelisay, wuuna ku mintiday. Maalin oo dhan halkaas ayuu ka shaqayn jiray, makhribkana guriga iman jiray isaga oo ay kor iyo kal saliid iyo habaas ku dhammuuqan yihiin.

                                                                                                      Mararka qaarkood Rooble wuxuu siin jiray marba waxa uu u awoodo ee xaqaljeeb ah, wuxuu se ahaa nin qaad iyo sigaar lagu ibtileeyay, taas oo ahayd arrin uu Rooble aad u necbaa. Wuxuu ka welwelayay in ay carruurtu kaga dayato balwaddaa fooshaxun, wax uuna ka mamnuucay in uu marnaba guriga la yimaaddo. Bilawgii Rooble si weyn ayuu Negeeye u soo dhaweeyay, qunyar qunyar ayay se u ka la durkeen, balwadduna ma ay ahayn sababta keliya ee ka la durkisay.

                                                                                                      Markii uu Negeeye reerka u yimid judhiiba si wanaagsan ayay isaga iyo ina abtigii Raage isu fahmeen. Waxay ka sheekaysan jireen nolosha miyiga ee ay isla yaqaanneen, gaar ahaan geeljirnimada oo ay labadooduba wax ka soo arkeen. Waxay isla qireen in ay tahay nolol sida geela loo nool yahay: sidiisa loo dheereeyo, sidiisa harraadka iyo gaajada loogu adkaysto, sidiisana khatar loogu jiro; nolol biyaha marka la helo uun la cabbo, oonta keli ahina tahay caanaha geela iyo hilib waxii la helo; nolol dad iyo dugaag waxii aadan adigu ka adkaaniba iyagu kaa adkaanaya, nin rag ahna ay jileec iyo liidnimo ku tahay in uu gaajoodo, harraado, daalo, luloodo ama debecsanaado.

                                                                                                      Waxaas oo dhan ayay isla yaqaanneen kana sheekaysan jireen. Wuxuuse xidhiidhkoodu isbeddelay markii arrintani soo baxday. Maalin Raage iyo Leyla oo qolka akhriska wada jooga ayay wayddiisay su’aal uu la yaabay:

                                                                                                      “Raage, weligaa qof ma dishay?” “Maxaad ii wayddiinaysaa, adigu ma qof baad dishay?” “Waxaan u malaynayaa reer miyigu waa wada gacankudhiigle”, ayay haddana tidhi.

                                                                                                      “Maxaad ku keentay?” “Qofka qof dila weligii gacantiisa dhiiggu ka ma go’o, xataa haddii uu saabuunta dunida oo dhan badda la tago oo ku faroxasho”, ayay tidhi.

                                                                                                      Waxba ka ma uu fahmin waxa ay ay doonaysay in ay ka hadasho. Wuu yaqaannay gacankudhiigle in uu yahay qof qof dilay, laakiin dhab ahaan in uu gacanta dhiig aan weligii ka go’ayn ku lee yahay ma uu moodayn, iyada ka horna ma maqal. Laakiin waxaa laga yaabaa in ay sidaas tahay, mana uu doonayn Leyli in ay doqon mooddo ama ka il hesho, sidaas darteed wuu ku raacay in uu og yahay. Laakiin maxay ku keentay? Su’aashaas ayuu mar kale wayddiiyay, wax ayna tidhi:

                                                                                                      “Haddii aan qof gacankudhiigle ah kuu sheego ma ii ballan qaadaysaa in aadan weligaa cid u sheegayn?”

                                                                                                      “Haa ee sheeg.” “Abbahaa iyo hooyadaa ku dhaaro.” “Ma naag baan ahay marka aan aabbahay iyo hooyaday ku dhaaranayo?”

                                                                                                      “Haddaba wax kale ku dhaaro.” “Tol iyo taagba aan waayo haddii aan cid u sheego!” Dhaartiisa waa ay ku qososhay waayo weligeed hore u ma ay arag qof waxaas ku dhaarta, waxa ay se ugu jawaabtay:

                                                                                                      “Qofkaasi waa Negeeye.” “Negeeye?” “Haa. Habeen isaga iyo aabbahay oo daaradda isku waraysanaya, aniguna aan ganjeelada taagan ahay oo aanay moodayn in aan maqlayo, ayuu u sheegay. Tuuladii uu ka yimid nin ayuu ku soo dilay, sababtaas ayuuna inoogu yimid, imikana wuxuu ka baqayaa in ay dawladdu ogaato.”

                                                                                                      Markii uu Raage arrinta u dhabbo galay wuu rumaystay. In kasta oo aanu hadal cad ahayn mar ayuu qudhiisu maqlay Rooble iyo Qarad oo wax sidaas u eg hadalhaya. Wuu ogaa miyiga in la isku dilo, wuxuuna ka fekeray bal in uu garto qof uu yaqaan oo qof dilay, laakiin ma xasuusan. Ilaa markii uu garaadsaday aabbihii wuxuu ku arki jiray bunduq aanu marnaba dhigin, laakiin u malayn maayo in uu cid aan Faroole ahayn ku dilay. Haa, waa ay jirteay aabbihii in uu dilay Faroole oo ahaa nacab mudnaa in la dilo, waayo isaguba wuxuu ahaa dilaa aan beer qoyan bariin. Fekerkaasi wuxuu Raage xasuusiyay taxanihii sheekada uu aabbihii ku dilay laayaankii caanka ahaa ee ku magaca dheeraa Faroole. Isaga oo aad u yar ayuu bartay sababta aabbihiisa dhutiya loogu naanaysay Micilibaax, ee sida ay caadadu tahay aan loogu naanaysin Laangadhe ama Jiis.

                                                                                                      Micilibaax, oo intii aanay naanaystu u bixin magaciisu ahaa Xirsi, isaga oo kuray ah iyo aabbihii oo markaa da dhexaad ahaa ayaa wada socdaalay. Goor ay ahayd casargaab, gaajo xumina hayso, oo ay marayaan gerigo’an laba beelood oo ka la fog u dhexeeya, ayuu odaygii sagaaro waranka daray. Dab ayuu oogay si uu hilibka ugu solo, intii ay dhamacdu caddaanaysay isaguna ku mashquulsan yahay qalista sagaarada ayay cilcillaw noqotay.

                                                                                                      Libaax ayaa kambalka hiinraag kaga dhuftay, waxayna la noqotay in aan socod dambe u egayn ee ay caawa halkan ku baryaan. Yarkii ayuu u sheegay in uu geedka ay hoos joogeen koro, Xirsina sidii ayuu yeelay. Isaga oo geedka saaran, oo hilibka aabbihii solayo gaajada darteed dusha ka daawanaya, kana fekeraya marka uu bislaado sida uu u cantuugi doono, ayuu mar keliya ku war helay sawaxan cirka isku shareeray iyo siigo ilayskii sii gamaarayay ee qorraxda qarisay. Wuxuu arkay odaygii oo laba libaax la legdamaya.

                                                                                                      Waxay ahaayeen aar iyo gool odayga ku kediyay oo ma haleelin in uu warankii oo hoostiisa yaallay qaato, waxaana hub u noqotay toorraydii gacanta ugu jirtay ee uu hilibka ku qalayay. Mar iyo laba markii uu ableydii labadii libaax midba mar ku wareemay ayay si buuxda u muquuniyeen. Aarkii ayaa gaaddada gashaday dhuuntana ka cantuugay, kii kalena bawdada ayuu qaniinyo ka buuxsaday, ilaa odaygii far dhaqaaqda laga waayay.

                                                                                                      Yarku waxaas oo dhan geedka dushiisa ayuu ka la socday, si la mid ah sidii uu sagaarada la qalayo uga arkayay. ka la duwanaantu waxay ahayd dareenkiisa mar hunguroonayay ee rajada qabay marna argaggaxsanaa ee quusta ahaa. Hiilka keliya ee uu aabbihii u fidin karaa wuxuu noqday in uu ku qayliyo: “Yur! Yur! Yur!” Lakiin qallad ay bir xiimaysa oo konton jir midigta ugu jirtaa joojin wayday qaylo yar oo geed saarani ma joojin karto.

                                                                                                      Sidaas ayay Xirsi indhihiisa oo shan ah aabbihii laba libaax ugu afureen.

                                                                                                      Geedka dushiisa ayuu ku dhammaystay habeen hoog leh. Markii waagu dillaacay isaga oo aad u baqaya ayuu dhulka u soo degay, dabadeed markiiba warankii iyo ableydii aabbihii ka dhintay la booday. Muddo daqiiqad ah ayuu wax indho indheeyay, libaax se agagaarka ka ma dareemin. Wuxuu arkay lafihii aabbihii iyo kuwii sagaarada oo isdhex daadsan iyo calallo jeexjeexan oo dhiig leh. Wuxuu kale oo arkay cad yar oo dhogor iyo ciddi leh oo lafaha cadcad dhex yaal, kaas oo uu xaqiiqsaday in uu ahaa suul uu labada libaax midkood aabbihii toorrayda kaga gooyay.

                                                                                                      Wuxuu maqli jiray libaaxu wuu xushmeeyaa oo ku ma degdego cunista muruqa gacanta midig iyo xiniinyaha ragga, iyo weliba naasaha dumarka. Laakiin meesha muruq iyo xiniinyo toonna ku ma uu arag. Waxaa daadsanaa lafo cadcad oo keliya.

                                                                                                      Wuu ka fekeray in uu lafaha aabbihii xabaalo, haddana wuxuu u arkay talo aan habboonayn. Waxay kuu soo jiidi kartaa khatar iyo libaax ku soo weerara, ayuu ku fekeray, dabadeed orod cagaha maalay.

                                                                                                      Masaafo aan goobtii shilka boqol tallaabo ka fogayn markii uu orday ayuu meel ciid ah ku arkay raadkii libaaxyada, wuxuuna arkay midkood in uu jeeniga midig jiidayo. Markii uu raadka u sii fiirsaday wuxuu arkay jeeniga midig in uu suulku maqan yahay. Taasi waxay xasuusisay suulkii go’naa ee uu raqda ku dhex arkay. Dabadeed orodkiisii ayuu sii watay.

                                                                                                      Maalintaas ka dib geyiga oo dhan waxaa caan ka noqday aar laayaan ah oo aan dad iyo duunyo bariin. Raadkiisa suulka jeeniga midig maqan yahay meeshii lagu arkaba wuxuu abuuray argaggax. Waa la ogaa in uu ahaa aarkii Xirsi agoomeeyay, waqtigaas ayaana loo bixiyay Faroole.

                                                                                                      Faroole si loo dilo marar badan ayay ragga beesha ugu dhiirrani duullan ku bixiyeen, marar badan ayaana neef shilis kaynta loogu dabray dhirta hareeraha ka ahna hub loo la fuulay. Wuxuu se ahaa libaax fiiro dheer, in godob loo tirinayo og, aadna u feejigan. Dabadeed Xirsi oo ahaa kuraygii uu Faroole agoomeeyay ayaa gaashaanqaad noqday, dhaarna ku maray inta uu madaxiisu saan lee yahay ee dhiniciisu dhulka ka sarreeyo in aanu ka wahsan doonin dilka Faroole. Waxay ahayd intii aan hubka qarxaa bulshada ku fidin, taas darteed wuxuu tuntay laba waran oo uu had iyo goor sidan jiray.

                                                                                                      Xirsi wuxuu ilaalo ahaadaba, wuxuu raadka caanka ah meesha uu ku arko daba galo dabadeed ku hungooboba, isaga oo toddoba iyo toban jir ah, goor barqo ah oo rays ah, ayuu arkay raadkii Faroole oo uu ku qiyaasay saacad aan fogayn. Sidii uu marar badan oo hore sameeyay isaga oo warmaha mid garabka bidix ku sita midna gacanta midig ku xantoobsan, aadna u digtoon, ayuu raadkii eryaday. Wuxuu daba ordaba goor ay tahay duhur ayuu la galay jeex ay xagarka, xodayga, dhuyaca, dhafaruurta iyo dhir kale oo caleen lihi isku baxeen, hoostana caws iyo duur kaga cufan yihiin.

                                                                                                      Markii uu hubsaday raadku in uu jeexa galay ayuu yar hakaday, wuxuuna maleeyay in ay tahay maalintii ay isaga iyo Faroole dhan uun u ka la dhici lahaayeen. Isaga oo aad u sanqadh tiranaya ayuu jeexii dusha kaga soo wareegay, ilaa uu bartii uu ka dhaqaaqay ku soo noqday. Raadkii xaska ka ma uu bixin, waa xaqiiqa Faroole in uu ku jiro.

                                                                                                      In kasta oo aanu weligii duullan libaax lagu dilayo ka qaybgelin, haddana wuu yaqaannay hubka iyo xeeladaha uu libaax ku dagaallamo. Booddada dheer ee uu sida cirkasoodhac samada ka imanayo, afka weyn iyo afarta miciyood ee uu sida seefta wax ugu xiirayo, labada jeeni iyo ciddiyaha ku dhaaban ee cidda uu la helo aayaheedu aakhiro yahay, iyo culayska uu dhulka wax ku nabayo, intaas oo ka la daran adeegsigooda isku marka ah ayuu dad iyo dugaagba haybad kaga mutaystay.

                                                                                                      Faroole isuma quudho habeen uu duullan tegay in qadoodi waagu ugu beryo, waxayna u badan tahay in uu ladaadyadii ladaabtii hilibkii xalay la jiifo oo hurdo dheer ku jiro, ayuu Xirsi ku fekeray. Go’ii madaxa ugu duubnaa ayuu soo furtay oo si giigsan dhexda ugu duubtay, dabadeed isaga oo labadii waran midkood riddo qumman gacanta midig ugu haysta, faraha fooddoodana ku soconaya, ayuu jeexii qunyar u dhex galay. Dareemadii cufnayd iyo dhirtii jiqda ahayd ee isku baxay ayuu indhaha ku mudmuday.

                                                                                                      Cabbaar isaga oo aan waxba arag ayuu dabadeed si kediso ah ugu war helay kayntii oo isla kacday, gurxan argaggax leh iyo culays dhinaca bidix kaga yimid. Waxay ahayd xaalad u eg duufaan xoog leh oo dunida gilgilaysa, laakiin Xirsi xaalad kasta oo baqdin abuuri karta wuu u soo diyaar garoobay, sidaas awgeed wuu isxejiyay. Isla ilbidhiqsigii uu dhankii weerarka jalleecay ayay dhirbaaxadii Faroole oo xoog lihi laabta ka haleeshay, dib ayuuna u dhacay. Laakiin isla markii uu sii dhacayay wuxuu haleelay in uu warankii gacanta midig ugu jiray si qumman oo xoog leh Faroole ugu tummaatiyo.

                                                                                                      Dhirbaaxdu in kasta oo ay dhulka u tuurtay haddana wax dhaawac ah Xirsi may gaadhsiin, sidaas ajligeed wuxuu ku guulaystay in uu degdeg isu soo qaado. Warankii uu tuuray mooyee kii kale oo dhulka ku dhacay ayuu damcay in uu la boodo, laakiin Faroole oo warankii hore caloosha ka taagan yahay, oo si ba’an u gurxamaya, ayaa si mintidnimo ah bawdada bidix cantuugo ka buuxsaday oo dhawr tallaabo ku maguujiyay. Si culus ayuu Xirsi mar kale dhulka ugu dhacay, markiibana wuxuu ogaaday in uu bawdo ka dhaawacan yahay warankiina gacantiisa ka maqan yahay, sidaas darteed inta uu degdeg isu qaaday ayuu jeexii debedda uga booday.

                                                                                                      Wuxuu filayay Faroole in uu ka daba iman doono, ableydii ayuuna la baxay gacanta midigna ku sii diyaarsaday. Laakiin Faroole in uu gurxamo oo jeexa gilgilo mooyee debedda u ma soo bixin. Ilbidhiqsiyadii ugu horreeyay Xirsi si aad ah ayuu u digtoonaa, qorshahana ugumay jirin wax aan ahayn marka uu Faroole soo baxo in uu kurtun uu gacanta bidix ku diyaarsaday afka uu soo ka la waaxi doono u geliyo, dabadeed inta uu karaankiisu yahay toorrayda u darandoorriyo. Maanta wada noolaan maysaan ee midkiin baa dhimanaya, ayuu ku talogalay. Laakiin in uu kaa soo daba bixi waayay waa arrin farxad leh, nasasho yariba waa dan.

                                                                                                      Faroole gurxankii iyo cartankii uu jeexa ka waday qunyar qunyar ayuu u dhimay, daqiiqadba ta ka dambaysa ayayna xaaladdu sii qabowday, intaana Xirsi kurtunkii iyo toorraydii ayuu labada gacmood ku ka la haystay, diyaarna u ahaa weerar lamafilaan ugu yimaadda. Wuu hubay waranku in uu si qurux badan Faroole caloosha uga arooray, laakiin u ma ega cadow ay intaasi dhulka dhigi karto. Isaga qudhiisu in uu bawdada ka dhaawacan yahay ma mooga, dhiig qabow ayaana ka da’aya, laakiin xanuun la sheegi karo ma qabo, si uu wax u qabana ka ma fekerin. Waxaa muhiim u ahayd uun in uu sii dagaallami karo, taana wuu hubay.

                                                                                                      Wuxuu sidaas ahaado oo dagaal heegan u ahaadaba, Xirsi mar keliya ayuu dareemay degganaan iyo aamus gaadhsiisan in uu neefsashada sankiisa maqlo, jeexiina waxaad mooddaa meel aan waxba ka dhicin ama wax nooli ku jirin. Faroole miyuu dhintay? Mise qudhiisu difaac ayuu dhufayska ugu jiraa? Mise, iimaanka laga qaad, dhabarjebin iyo gaade ayuu ku soo maqan yahay?

                                                                                                      Xirsi cabbaar ayuu wax uu sameeyo iyo geeri iyo nolol wax uu Faroole kaga talo galo garan la’aa. Dabadeed qori ayuu dhankii uu ku malaynayay ku tuuray, markii uu falcelin ka waayayna dhawr qori oo kale ka daba geeyay, aamuskii se waxba iska ma ay beddelin. Fulaynimo ayaa ku haysa ee Faroole oo nooli tuuryo u ma uu dulqaateen ee meesha ka war doon, ayuu isku canaantay.

                                                                                                      Isaga oo kurtunkii iyo toorraydii labada gacmood ku sita, sidii horena suulasha ugu soconaya, ayuu jeexii ku noqday. Intii aanu wax kale arag ayuu warankii ka dhacay helay, markii uu qaatayna socod ku sii dhiirraday. Meel uu Faroole ku galgashay oo doogga dhulka ku nabay dhiigna ku masaxay ayuu arkay. Haddana meel aan ka fogayn ayuu ka arkay midab casuus ah oo dhulka daadsan, waa Faroole oo warankii weli caloosha ka qotomo. Cabbaar ayuu eegay ilaa uu dhaqdhaqaaq ka waayay. Ma uu aamminin ee isaga oo waranka riddo u haysta ayuu si digtoon ugu dhowaaday, laakiin Faroole isma dhaqaajin, wuxuu ahaa mayd.

                                                                                                      Markaa ka dib Xirsi wuxuu dareemay xanuun lugta dhaawacan ka haya, wuxuuna arkay sida ay miciyaha Faroole ee huurada lihi bawdada uga ruubteen. Wuu ag fadhiistay oo Faroole cabbaar aad u daawaday. Waxaa ka muuqata da weyni, ciddiyaha iyo miciyuhuna waa wada dildillaac iyo jajab, korkiisana nabarro badan baa ku gunaadmay, meelo badan ayay timuhu ka mudhxeen oo dub madow baa soo baxay, inta ku hadhayna waa hoolif foolxun. Waxaa ka soo baxaya shuruf isugu jira baarqab qooqan iyo biyo ajo ah, ay weheliyaan dhiigga iyo doogga uu burburiyay. Xirsi waxaa uu xasuustay galabtii uu Faroole aabbihii cunay sidii uu u da yaraa, wuuna la yaabay sidan uu u gaboobay. Haddii aad nin da’dan ah dishid ceeb ayay kugu ahaan lahayd, ayuu ku fekeray.

                                                                                                      Inta uu golxobtii la baxay ayuu jeenigii caanka ahaa ee Faroole xagasha dhudhunka iyo cududda u dhexaysa ka gooyay, si uu beesha ugu geeyo oo loogu damaashaado. Isla markii uu jeexa ka baxay waxaa geed raqda dusheeda ah isku soo taagay laba tuke oo si xun u dhawaaqaya, geed kalena waxaa soo fuulay gorgor aad u weyn. Xirsi wuu yar hakaday oo eegay ilaa ay Faroole ku degeen. Haad kale oo badan ayaa markiiba ku xoontay. Dabadeed Xirsi wuu iska sii jiitamay isaga oo jeenigii Faroole sita. Waxaa ka buuxay dareen uu farxad iyo murugo u ka la garan waayay.

                                                                                                      Lugta uu imika ka dhutiyo sidaas ayuu kaga dhaawacmay, sababtaas ayaana loogu bixiyay Micilibaax, maalintaas ayuuna dadkiisa ka helay qaddarinta weyn ee weli loo hayo.

                                                                                                      Waqtigaa uu Xirsi dekanada aabbihii dabo joogay Rooble isagu wax uu ku maqnaa magaalo iyo waxbarasho, markii uu warka maqlayna isaga oo laba go iyo kabo hadiyad ah u sida ayuu walaalkii Rooble miyi ku soo booqday. Wuxuu soo arkay madaxii Faroole oo geed la saaray weli saaran. Afka uu soo ka la hayo iyo miciyaha cadcad ee la moodo in uu weli nool yahay waxay abuurayeen baqdin aan ka yarayn tii uu markii uu noolaa abuuri jiray.

                                                                                                      Sidaas ayuu Raage uga dheregsanaa taariikhda ay qoyskooda iyo Faroole isla soo mareen, kaas ayaana ahaa dilka keliya ee uu aabbihii u tirinayo, oo u la muuqday mid aad uga duwan kan gacankudhiiglenimada ah ee Negeeye loo tirinayo. Wuxuu jeclaystay in uu xaqiijiyo xanta Negeeye ku saabsani in ay dhab tahay iyo in kale, ku ma uu se dhiirran in uu cid wayddiiyo. Dabadeed maalin iyaga oo labadooda ah ayuu Raage soo hadalqaaday sheekadii Faroole iyo aabbihii, Negeeye ayaana si lamafilaan ah u yidhi:

                                                                                                      “Waxaan la yaabban ahay sida ay taariikhda aabbahaa iyo taydu isugu eg yihiin. Anigaba habeenkii aan dhashay ayuu aabbahay libaax dilay, markii aan weynaadayna waan ka aarsaday.”

                                                                                                      “Ma libaax aabbahaa dilay ayaad adiguna dishay?” “Haddaa maxaan ku lee yahay.” Wuxuu ka codsaday in uu uga warramo sidii uu libaaxu aabbihii u dilay iyo sidii uu uga aarsaday. Negeeye wuu yar fekeray dabadeed bilaabay qisadii Goodir oo uu ka beddelay uun waxyaalihii laga ma maarmaanka ahaa si ay ugu ekaato sheeko libaax. Markii uu dhammeeyayna Raage wuxuu wayddiiyay:

                                                                                                      “Oo sidee baad ku garatay in uu isagii ahaa? Ma sida Faroole ayuu astaan lagu yaqaan lahaa?”

                                                                                                      Negeeye wuxuu u yar aamusay si qof feejigani garan karo in uu been abuurayo, dabadeed ku jawaabay:

                                                                                                      “Haa, qoobabka dambe ciddiyo ku ma uu lahayn.” Raage wax uu rumaysto ayuu garan waayay, sheekada Negeeye been ayaa uga dhadhantay, marna wuxuu ka shakiyay hadalkii ay Leyli maqashay iyo kii ka la dhinnaa ee uu isaga qudhiisu Rooble iyo Qarad ka maqlay in ay sax ahaayeen. Ma laga yaabaa waxa uu Negeeye dilay in aanu nin ahayn ee, sida uu sheegay, uu ahaa libaax? ayuu iswayddiiyay. Dabadeed Leyla ayuu u sheegay sheekada Negeeye iyo libaaxa, iyaduna habeenkiiba Raage oo la jooga ayay aabbeheed u sheegtay. Rooble inta uu baaq beenin ah wejiga ka muujiyay ayuu yidhi:

                                                                                                      “Sheekoxariiro walba ha rumaysannina.”

                                                                                                      ***

                                                                                                      Rooble haba yaraatee Negeeye ma wayddiin sababta imaatinkiisa, wuxuu maleeyay in ay ka mid tahay uun barakaca ay dhallinyarada miyigu waqtigaa magaalooyinka ku soo gelayeen iyaga oo raadinaya nolol taa hore ka door roon. Dabadeed toddobaadkii labaad ee imaatinkiisa, goor fiid ah iyaga oo keligood daaradda fadhiya, ayuu Negeeye si lamafilaan ah u soo qaaday dilkii uu Damalweyn ka soo geystay. Rooble si aan qiyaas lahayn ayuu arrinta uga naxay.

                                                                                                      “Oo miyaadan cidna la tashan? Miyaadan nimankii kuu adeerka ahaa midna ka la tashan?”

                                                                                                      “Maya. Taladaa keligay ayaa lahaa.” “Ma aad lahayn, maxaad u lahaanaysaa? Wax ay ummad dhami ka heshiisay in aad sida aad doontid ka yeesho xaq u ma aad lahayn.”

                                                                                                      Negeeye wuu yar aamusay, dabadeed yidhi: “Aabbahay keligay ayuu i dhalay.” “Haddii uu ku dhalay isagu ma geed buu ka baxay sow dad ma ay dhalin oo dad la ma uu dhalan? Nin yari inta uu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa. Miyaad caawa og tahay labadii reer waxay ka la muteen?”

                                                                                                      “Haa, waan og ahay, waxba may dhicin.” “Bal waxa aad ku hadlaysid dhegeyso! Sidee baad u og tahay saw adiga halkan i la fadhiya ma aha?”

                                                                                                      “Intii aanan soo dhoofin ayaan ka war helay.” “Wax la iska xaq iyo xaal mariyay ayaad dib ugu noqotay. Wax laga heshiiyay oo la iska dhaarsaday ka daba taggeeda foolxumo ka weyni ma jirto. Miyaadan cuqubo ka baqayn?”

                                                                                                      Negeeye ma jawaabin. Rooble isaguba carruurnimadii reer miyi ayuu ahaa, si wanaagsan ayuuna u fahmayaa dilka joogtada ah iyo ka la aarsiga ka dhexeeya reer miyiga. Laakiin shakhsi ahaan waa nin nabadeed, aad ayuuna u neceb yahay dhaqankaa waalan ee ka la aarsiga iyo silsiladda godobeed ee aan dhammaan.

                                                                                                      Maalintaa laga bilaabo Rooble wuxuu Negeeye ku eegay indho cusub, wuxuu u arkay nin ay ka suurtowdo mar kale iyo ka badanba in uu dhiig aadami ku fooldhaqdo. Xushmaddii badnayd ee uu ku soo dhoweeyay markaa ka dib wuu ka la noqday, oo wuxuuba jeclaystay in uu sida ugu dhakhso badan magaalada ugu sii daayo.

                                                                                                      Run ahaantii Rooble ma jeclaysan balwadda Negeeye ee qaadka iyo sigaarka ah, oo ahayd mid aan ku habboonayn bay’ada guriga ee uu waxbarashada iyo nadaamka wanaagsan u diyaariyay. Doobab geerashka ka la shaqeeya oo qaylo iyo uskag badan ayaa mararka qaarkood guriga u soo raaci jiray, gurigii oo dhanna sigaar ayaa ka wada uray. Qaadka oo uu guriga ka mamnuucay wuu ogaa in uu la yimaaddo oo qolkiisa ku la dhuunto. Sababtaa darteed Rooble mar keliya ayuu arkay isaga oo Negeeye khaati ka taagan, wuu se ka xishooday in uu wiil uu abti u yahay oo soo magansaday meel xun ku tuuro.

                                                                                                      Maalin odayga oo guriga ka maqan ayuu Negeeye isaga oo qolkiisa qaad ku cunaya Leyla u sheegay in ay shaah u kariso, laakiin waa ay diiday iyada oo sabab ka dhigtay in ay wax akhriyayso. Waxbana ma ay akhriyayn ee waxay diiddanayd qaadka guriga laga mamnuucay in ay Negeeye raalli uga noqoto. Isaga oo xanaaqsan markii uu canaantay waa ay iska celisay oo tidhi:

                                                                                                      “Ma adigaa i qaba marka aad maalin walba lee dahay shaah ii soo kari, sidaas ii soo yeel? Waxba kuu karin maayo ee qaadka guriga ka daa.” Dabadeed inta uu yartii si xanuun leh dhegta u maroojiyay ayuu ku yidhi:

                                                                                                      “Ilaahoow aanan ku qabin, doqon yahay fooshaxumi.” Leyli waa ay ooyday, fiidkii ayayna markii uu aabbaheed yimid u dacwootay. Markiiba Rooble isaga oo xanaaqsan ayuu Negeeye qolka ugu galay oo canaantay. Negeeye taa ma garawsan, subaxdii xigtay ayuuna gurigiiba ka tegay. Maalintaas ka dib marmar ayuu booqasho ugu iman jiray.

                                                                                                      Markii uu Xamar saddex toddobaad joogay ayuu galab isaga oo geerashka ka soo rawaxay baskii uu saarnaa ku dhex arkay weji uu garanayo laakiin meeshii uu ku arkay iyo magaciiba ka maqan yihiin. Waa lacagqabtaha baska oo ah doob qiyaastii Negeeye la da ah. Canka waxaa uga buuxa takhsiin qaad ah gacmahana mid lacagta ayuu ku ururinayaa midna xantoobo qaad ah ayuu ku haystaa. Dhar uskag badan ayuu gashan yahay, nadaafadxumo xad dhaaf ah ayaana kor iyo kal ka muuqata.

                                                                                                      Negeeye oo weli fiirinaya ayuu kii kale toos u soo eegay. Markii la isyara eegay ayaa la isu dhoolla caddeeyay, haddana la isu qoslay.

                                                                                                      “Wallaahi waa Negeeye!” ayuu si filanwaa ah u yidhi cod aad uga culus kii carruurnimada ee uu Negeeye ku ogaa.

                                                                                                      “Waryaa Diiriye! Wallaahi dirqi baan kugu gartay!” Baska dushiisa ayaa cabbaar la isku sii waraystay, markii uu Negeeye degis isu diyaariyayna Diiriye ayaa fikrad soo jeediyay.

                                                                                                      “War aynu si wanaagsan isu waraysannee xaggee ayaynu ku ballannaa?”

                                                                                                      “Meesha aad doontid, mar aynu fasax nahay, anigu jimcaha ayaan fasax ahay.”

                                                                                                      “Jimcaha? Oo jimcuhu waa goorma?” “Waa saaddambe, maanta waa Arbaca.” “Jimcaha xaggee baynu isugu nimaadnaa?” “Meel uun, meesha aad doontid.” Makhaayad Ceelgaab ah ayay barqada jimcaha ku ballameen. Negeeye wuu ogaa Diiriye maalintii isaga oo saddex iyo toban jir ah uu dukaankii Xaaji Haybe Damalweyn ku lahaa lacagta ka xaday dabadeed Xamar u soo baxsaday. Diiriye isaguna wuu maqlay Negeeye in uu Goodir dilay dabadeed baxsaday, laakiin ma uu ogayn meel uu ku dambeeyay.

                                                                                                      Makhaayadda ay ku kulmeen oo ahayd meel ay safarrada gobolladu ka baxaan kuna soo degaan aad ayay u nadaafad liidatay oo u habaas iyo dukhsi badnayd, dad degdegsan oo buuq iyo qaylo badan ayaana is’hor iyo dabo marayay. Mooyi waxa ay meel dhaanta u fadhiisan waayeen, malaha se degganaan iyo nadaafad ayaanay dan ka lahayn. Dadka magaalada soo galootiga ku ah ayaa lagu yaqaan in ay meelahan ku soo xoomaan si ay aqoonnin uga helaan. Miis foolxun oo looxaan la isku kabkabay ka samaysan ayay laba kursi oo la foolxumo ah hareeraha ka dhigteen shaahna ku dalbadeen. Dabadeed waxay bilaabeen in ay wax walba iska waraystaan.

                                                                                                      Negeeye maalintaa wuxuu si tifotiran uga warramay sidii uu dilka u geystay, waayo isaga iyo Diiriye reer ahaan Goodir waa ay iska xigeen. Diiriye isaguna wuxuu ka warramay sidii uu Xamar ku soo galay iyo noloshii adkayd ee uu soo maray oo uu ku tilmaamay cadaab. Labadii sano ee ugu horreeyay habeen in aanu guri seexan sariirna dhinac dhigin ayuu sheegay. Laakiin dhawrkan sano ee dambe siyaabo ka la duwan ayuu u shaqaystay, oo ay ka mid tahay shaqadan uu imika hayo ee geerashboynimadu.

                                                                                                      “Laakiin waxii oo lacag ahaa xaggee baad geysay?” ayuu Negeeye saaxiibkii wayddiiyay.

                                                                                                      “Waan maqlay odaygii iimaanka la’aa sagaal boqol oo shilin in uu sheegtay, laakiin waxay ahayd lix boqol.”

                                                                                                      “Waan hubaa lacagtii loo ururiyay in ay sagaal boqol ahayd”, waxaa yidhi Negeeye oo si wanaagsan u xasuusan gartii lacagtaasi sidii ay u dhacday.

                                                                                                      “Waan maqlay, laakiin tii aan qaatay lix boqol uun bay ahayd.” “Oo sidee bay fikraddu kuugu dhalatay? Maxaad se iigu sheegi wayday?”

                                                                                                      “Ma xasuusan tahay ciiddii u dambaysay ee Damalweyn inoogu wada dhalatay?”

                                                                                                      “Maxaan u xasuusnaan waayay, sow tii dadka oo wada xarragoonaya oo wada faraxsan aynu qaydadkii duugga ahaa wax aynu iskaga beddelno weynay.”

                                                                                                      “Ma xasuusan tahay kii yaraa ee Xaaji Haybe dhalay in uu igu qoslay oo aan garaacay?”

                                                                                                      “Wuxuu ahaa Madaxay, miyaad illawday?” “Sow ma xasuusnid in aynu yaacnay oo maalintii oo dhan kaynta ku jirnay?”

                                                                                                      “Si wanaagsan.” “Maalintaas ayaan goostay in aan dhaco.” “Oo maxaad iigu sheegi wayday?”

                                                                                                      “Kuu ma aan sheegin waayo odaygaasi waa kii adiga iyo Amran idinku dhowaa ee wax kuu dirdiran jiray.”

                                                                                                      “Kelebka kelebku dhalay anigu markaas ma aan necbayn, beri dambe ayaan se Amran khaati uga joogsaday. Weligaa miyaad aragtay lixdan jir…”

                                                                                                      “Odayna ma ahayn ee wuxuu ahaa nijaas.” “Laakiin xataa haddii ay lix boqol ahayd waa lacag aad u badan ee maxaad ku samaysay? Dukaan weyn baa lagu furan karaaye.”

                                                                                                      “Sow Kuu ma aan sheegin in aan cadaab soo maray? Cadaabtaas ayay iyaduna ku gubatay.”

                                                                                                      “Malaha adigana waaba lagaa sii dhacay?” Diiriye waqtigii uu noloshiisa ugu necbaa ayuu dib u xasuustay, berigii uu isaga oo aan Xamar cid ka aqoon soo galay.

                                                                                                      “Sidii aad ogayd Xamar cid ku ma aan lahayn, albeerko la seexdo, guri la kiraysto iyo bangi lacag la dhigtana ma aan aqoon.”

                                                                                                      “Haye?” “Maalmihii ugu horreeyay nolol aad u farxad badan una dhib badan, u yaab badan una aqoon kororsi badan, baan galay. Cidda keliya ee aan fahmay ee raacay waxay ahayd ciyaal suuq. Iyaga ayaa indho ii noqday oo huluulaha ay dadka hooy la’aanta ahi seexdaan, shineemooyinka la galo iyo meelaha badda lagaga dabbaasho i baray.”

                                                                                                      “Haye?” “Kurayadaa debedyaalka ahi dhacdhac badan ayay igu qabeen, lacagtaa ay meel aan ka keenay iyo meel ay iigu jirto toonna garan waayeen ayay mar igu qaddarin jireen marna inta ay isugu kay tagaan iga baadi jireen.”

                                                                                                      “Oo lacagta xaggee baad dhigatay?” “Dee sheekada iga sug!” “Haye?” “Maalintii aan magaalada imid tii xigtayba inta aan lacagtii koombo ku riday ayaan meel xabaalo ah ku aasay, halkaas ayaanan marba waxa aan uga baahdo inta aan dadka iska fiiriyo ka la soo bixi jiray. Ha ahaato ee markii dambe arrin fudud ma ay noqon, waayo dibjirku markii ay ogaadeen in ay lacagi meel ii taal ayay tallaabadayda tiriyeen.”

                                                                                                      “Haye? Wallee taa iyaga ayaa u dambaynaya.” Diiriye laba xabbadood oo sigaar ah oo qaaqaawan ayuu jeebka sare ee shaadhka ka soo saaray oo mid Negeeye siiyay midna isagu shitay, dabadeed si busaarad ah u nuugay haddana qiiq dhuubanna soo afuufay. Dabadeed wejiga oo ay timo iyo findoob uskag badani ku filiqsan yihiin calaacasha ku camcamiyay.

                                                                                                      “Haddii ay iyagu u dambayn lahaayeen abaal baan ku qabi lahaa ee dhegeyso. Sow ma aad arag kuwo tuug ah oo saddex midh oo turub ah isdhaaf dhaafiya?”

                                                                                                      “Arkay, waa kuwii maalin dhoweyd shilin aan lacagba ka haystay iga maroojiyay. Waxaan maqlay dadka badawda ah ayay ilaashadaan. Ma nimankaas baa ku helay?”

                                                                                                      “Maalin aniga oo shilimo sita ayaan kuwaa Ceelgaab ku la kulmay. Markii ay intii iga heleen ayaan xanaaqay oo koombadii isku sii daayay. Xoogaa kale markii ay iga qaadeen ayaan haddana in kale la soo orday.”

                                                                                                      “Waan garanayaa waxa aad soo waddid: intii ay kaa heleen mooyee intii kalena waa ay kaa qaadeen?”

                                                                                                      “Beri dambe ayaan ogaadaye ka turubka dhigaya oo keliya ma aha ee waa koox dhan.”

                                                                                                      “Haa, nimanku maalin dhoweyd ayay i heleene. Haye?” “Markii aan gartay waxa in ay tuugnimo ku jirto ayaan iskaga tegay. Makhribkii markii aan damcay in aan wax aan ku casheeyo shineemana ku galo la soo baxo waxaan ku turaanturrooday koombadii oo godkii dushiisa galgalanaysa af madow oo foolxunna soo ka la haysa.”

                                                                                                      “Waar illayn naxdin u ma dhimatid! Haye?” “Meeshiiba ka ma aan dhaqaaqin markii ay saddex iyagii ah oo mindiyo sitaa i hareereeyeen.”

                                                                                                      “Haye?” “Waxay la noqotay Xamar oo dhan in ay koombooyin lacag ahi iigu aasan yihiin, inta ay haanka mindi iga saareen ayayna ii sheegeen haddii aan nolol doonayo in aan lacagta soo faago.”

                                                                                                      “Taas ayaaba kuugu daran! Haye?” “Habeenkii xigay oo dhan maxbuus baan u ahaa, garaacid aan arxan lahayn ayayna igu wadeen, dabadeed markii ay iga quusteen aniga oo aan waxba la noolayn iga tageen.”

                                                                                                      “Lacagta waad dayacday. Nin yar baad ahayd. Intee in la’eg ayaa ilaa markaa kugu baxday?”

                                                                                                      “Haddii aan beenta iska dhawro wax boqol shilin ka yar.” “Lacagta waad dayacday. Dabadeed sidee baad Xamar uga dabbaalatay?”

                                                                                                      “Horta maad i wayddiisid nimankii, illayn waan bartay oo maalin walba magaalada ayaan ku arki jiraye, waxa aan ka yeelay.”

                                                                                                      “Oo maxaad ka yeeli kartaa rag kaa waaweyn kaana tuugsan?” Diiriye isaga oo aan jawaabin ayuu kabbadii shaaha ugu dambaysay bakeeriga ka fuuqsaday, markii uu kii Negeeye eegayna wuxuu arkay isagana in uu ka madhan yahay. Dabadeed gabadh meesha ka shaqaynaysay ayuu u baaqay, wuxuuna wayddiiyay:

                                                                                                      “Naa caddaysku ma caano boodhaa?” “Caano lo waaye, maxaa jira?” ayay tidhi. “Naa lo lahaane laba kale noo keen oo kayga ha iga soo caddayn. Lo ku lahayd! Lo iyo geel toonna Alle ku ma siiyo!”

                                                                                                      “Anigana ha iga soo caddayn”, ayuu Negeeye isaguna codsaday. “Abboo caano lo waaye, laakiin haddii rabin waa idinka dhaafaa. Caane boore ku ma lahoo! Caane boore aniga intee ka keenay?!” ayay ku cabatay, oo labadii bakeeri ee ay faaruqiyeen la dhaqaaqday.

                                                                                                      Diiriye saaxiibkii ayuu ku jeestay oo ku yidhi: “Reer xamar aniga i wayddii, in ay balaayo kuu walwalaaqaan mooyee ha ka sugin in ay oon xalaal ah kaa iibiyaan.”

                                                                                                      Negeeye ma hadlin ee madaxa ayuu ruxay isaga oo hadalkaa aqoon kororsi ka dhiganaya.

                                                                                                      Diiriye mar kale ayuu wejigii iyo timihii aan awalba nadiifta ahayn haddana habaaska iyo dhididka Ceelgaab isugu dhegeen si aan debecsanayn calaacasha u marmariyay.

                                                                                                      Gabadha meesha ka shaqaynaysay qiyaastii waxay ahayd labaatan jir, waxayna lahayd jidh yar shilis oo guntiinada khafiifka ah badhida iyo laabta ka soo riixaya. Markii ay shaaha dhigaysay naaska bidix oo ay guntiinadu ka yar faydantay oo ilaa ibtu muuqato ayuu Diiriye si qof arkayaa la yaabi lahaa aad u qooraansaday, markii ay ka dhaqaaqdayna indhaha ayuu la sii raacay ilaa ay gudaha ku libidhay. Markii uu miyirku ku soo noqday, inta uu afka oo durba xummad la engegay carrabka ku qooyay, ayuu sheekadii halkii ka sii ambaqaaday.

                                                                                                      “Waa runtaa oo nimanku waa ay iga waaweynaayeen, igana tuugsanaayeen, igana ilbaxsanaayeen, laakiin ‘mintid faro yar midhihii bataa ka ma macaashaan’. Foorno ayaan gudintii xaabada lagu jejebin jiray ka xaday oo meel aammin ah ku qarsaday. Dabadeed saqdhexe ayaan huluul ay seexan jireen oo Weliyow Cadde u dhow iyaga oo hurda ugu galay.”

                                                                                                      “Haye?” ayuu Negeeye u yidhi si xamaasad leh isaga oo sugi kari la natiijada duullanka masaarta ku hubaysan ee Diiriye.

                                                                                                      “Saf ayay u jiifeen ee kii ugu sokeeyay ayaan inta xooggaygu yahay gudintii ku hubsaday, markii uu cabaadayna cagaha ayaan wax ka dayay. Maalintii xigtay ayaan baabuur ku dhacay oo Hargeysa ka soo jeestay. Halkaas ayaan sannad ku noolaa, dabadeed Xamar ku soo noqday. Ilaa berigaa dhuumaalaysi ayay ii ahayd.”

                                                                                                      “Oo sannad dhan baad Hargeysa joogtay?” “Sannad haddii sannadihii badnaa ee Xamar la isku wada daro igaga daran.”

                                                                                                      “Laakiin ninkii aad nabarka ku dhufatay sida ay wax u gaadheen ma ka war heshay?”

                                                                                                      Diiriye wuu yar qoslay. “Haddii aad maanta Xamar ku aragtid dhawr iyo soddon jir gaaban, laf weyn, madaxa cadho ka qaba oo inta badan timuhu ka daateen, kaas oo Baraako Cabdow ka soo baxa, aadna u qaylo iyo rabshad badan, oo tikidhada filimada, ruwaayadaha iyo isboortiga inta uu soo xaabsado ka sii ganacsada, kuna magac dheer Geeddi Baabbow, gacanta bidixna dhudhunka ka gammuuran tahay, waa isaga ninka aan shantaydii boqol ku illaawey.”

                                                                                                      Negeeye qosol ayuu la dhacay. Ninkaa weli ma uu arag laakiin sidii isaga oo hor taagan ayuu maskaxdiisa isugu sawiray. Inta uu si qallafsan laakiin gacaltooyo leh Diiriye garabka uga dhirbaaxay ayuu ku yidhi:

                                                                                                      “Nin rag ah! Wallee caawa haddii aad dhimatid geeridaadu waa xalaal.”

                                                                                                      “Aan ku noqdo haddaba sidii aan jabkaa uga soo kabtay”, ayuu yidhi Diiriye.

                                                                                                      “Haa, sidee baad uga dabbaalatay?” “Muddo aan yarayn oo maalintaa ka dambaysay aad ayay iigu adkaatay in aan la qabsado noloshii debedyaalnimada ee aan moodayay in aan ka mid ahay. Weliba Hargeysa waxay Xamar kaga darrayd bahal dhaxan ah oo xilliyada qaarkood xataa dadka hooyga leh nafta u keenta. Wax kale iska daa ee berigaa waxaan ku sigtay in aan Damalweyn ku soo noqdo, haddana waxaan u arkay taloxumo aan mid ka liidataa jirin. Waxaan bilaabay in aan u noolaado si kasta oo aan ku noolaan karo: tuugnimo, boob, khiyaamo, dawarsi, shaqo… wax walba. Nin rag ahna cabasho looga wanaagsan ee wax la soo marayba waa laga nool yahay.”

                                                                                                      “Haa, waa laga nool yahay”, ayuu Negeeye saaxiibkii ku la dabbaaldegay, oo haddana wayddiiyay: ”Oo markii aad Xamar ku soo noqotay Geeddi Baabbow miyaydaan isarag?”

                                                                                                      “Aad baan uga digtoonaa, Ceelgaab iyo Xamarweyne oo aanu isagu dhaafin anigu waan ku yaraa. Marar badan ayaan se ka il horreeyay oo ka dhuuntay. Runtiina anigu ma hubo in uu og yahay cid waxyeeshay in ay aniga tahay. Laakiin xataa haddii uu og yahay nolol maalmeedda iyo isbiirtaha oo uu cabbo ayuu intaa u ordayaa ee in aan anigu nacasnimo isla hortaago mooyee waxaan filayaa in aanu waqti uu igaga fekeraba helin. Asxaabtiisiiba wax silic u dhintay iyo wax xabsiyada ku jira ayay u qaybsan yihiin ee muxuu gacan beri hore ka luntay danihiisa ugaga mashquulayaa? Sidaas oo ay tahay ma aammino ee waan ka digtoon ahay. Intii aan geerashboyga noqday ayay se iigu daran tahay oo ugu yaraan maalintii mar waan arkaa.”

                                                                                                      Maalintaas oo dhan magaalada hoose ayay wareegayeen, maqribkiina waxay galeen Shineemo Ceelgaab oo uu ka socday filin dagaal ahi. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee uu Negeeye filin galo, sidaas darteed wax walba waxaa uga muhiimsanayd in uu barto waxa filinka lagu sheegaa waxa uu yahay, meesha lagu daawado iyo sida loo daawado.

                                                                                                      Ilaa maalintii ugu horreysay ee uu filin maqlay waxaas oo dhan wuu iswayddii n jiray, laakiin waxa uu caawa indhihiisa ku arkay si weyn ayay uga duwan yihiin khayaaligii uu maskaxda ku hayay. Weligii ma uu arag dad intaa tiro la’eg oo meel aan masjid ahayn isugu soo xerooday, oo saf saf u fadhiya isku dhanna u wada jeeda. Waxay u ekaayeen dad salaad ku jira, wuxuuna dareenkiisa ka helay goor dhow in uu maqli doono jamaacada oo leh AAMMIIN! Laakiin maya, meeshu waa shineemo, ayuu isxasuusiyay.

                                                                                                      Laba kursi ayay isaga iyo Diiriye fadhiga ku boobeen, wejigana ku beegeen derbi cad. Wax yar ka dib derbigii waxaa ka soo dhex baxay codad iyo sawirro dhegaha iyo dhaayaha Negeeye ku cusub. Haa, waa kaa filinka la sheegaa, ayuu xaqiiqsaday, si xiiso iyo degganaansho la’aan ahna u daawaday.

                                                                                                      Waa dad caddaan ah. Weligii qof cad maalin dhoweyd ayuu nin meel maraya arkay, in badan ayuuna sii eegay isaga oo mooday qof dubku ka dhacay. Caawana dadka filinka ka muuqdaa waa wada caddaan. Dadka oo keliya ma aha ee duniduba waa duni kale oo aan Xamar iyo Soomaaliya toonna ahayn. Afka lagu wada hadlayaa waa af qalaad. Cabbaar ayuu iscelceliyay laakiin su’aalaha ku abuurmay culayskooda wuu xejin kari waayay.

                                                                                                      “Waar Diiriye, meeshu waa xaggee?” Diiriye dareenka saaxiibkii waa uu og yahay, geel laba jir soo wada mar, qosol ayuu isku celiyay.

                                                                                                      “Waa Maraykan.” Negeeye wuu yar aamusay. “Oo ma Maraykan ayaynu halkan ka arkaynaa?” “Maya, waa filin mar hore laga soo sawiray. Hadhow baan kuu sharxi ee imika iska daawo”, ayuu hoos ugu sheegay si aanay dadka kale badawnimo ugu eedayn.

                                                                                                      “Waar qoladiinnaa hore, aanu filinka idinka dhegeysanno ee naga aamusa”, ayuu nin safkii iyaga ka dambeeyay fadhiyay ku qayliyay.

                                                                                                      Waa gartii, tobankii eray ee talyaani ah mid buu ka fahmayaa, kiina in la dhaafiyo ma aha, ayuu Diiriye ku fekeray isaga oo og dhibaatada afka ee isaga iyo soomaalida kaleba filimada ka haysata.

                                                                                                      Negeeye filinkaa in kasta oo uu madaddaalo iyo waayo’aragnimo ka helay, haddana dhab ahaantii waxba ka ma uu fahmin. Mushkiladdu luqadda oo keliya ma ay ahayn ee sawirradii noolaa ee is daba wareegayay, ee mar roorayay marna hakanayay, mar libdhayay marna soo baxayay, meel ay ka socdaan iyo meel ay u socdaan toonna wuu garan waayay. Mid ayuu se habeenkaa ogaaday: dunidu sidii uu moodayay aad ayay uga duwan tahay.

                                                                                                      Berigaa magaalooyinka waaweyn waxaa ku soo qulqulay dad aad u tiro badan oo miyiga ka soo barokacay. Dadkaasi markii ay magaalo weyn oo aan la isaqoon yimaadeen waxay bilaabeen in ay u noolaadaan sida ay doonaan, waxaana batay dhaqammo aan awal jirin ama yaraa oo uu dhillaysigu ka mid yahay. Cawayskaana markii ay filinka ka soo baxeen Diiriye saaxiibkii wuxuu sii mariyay Buur Karoole oo ahayd mid ka mid ah goobaha dhillaysiga kuwa ugu cammiran.

                                                                                                      Cabbaar ayay wadiiqo dhuubnaanta dhabbo jiir la moodo oo xaafad foolxun dhex marta iyaga oo aamusan isdabo galeen, dhawr nin oo dhididsan ayayna weydaarteen. Dabadeed guri loox ah oo ay siifadda dhididku kaa hor imanayso ayay galeen. Waa guri ka kooban qolal badan oo barxad dhexe ku soo wada jeeda. Mid walba waxaa ka bidhiiqaya feynuus gamaarsan, mid walbana waxaa hor fadhida naag aan in hoosta laga galo mooyee wejigeeda si fiican loo arkayn. Iyaga oo aan wada hadlin, cid kalena la hadlin, ayuu midba qol isku qaaday gabadhii hor fadhidayna caasha sii mariyay. Negeeye waxaa ka soo daba gashay mid labaataneeyo jirta aadna u madow una jidh wanaagsan oo uu Amran ku soo xasuustay.

                                                                                                      Negeeye markii ay abtigii iskhilaafeen Diiriye oo uu sidaas Xamar ugu la kulmay ayuu qol Hawlwadaag uga kiraysnaa la degay.

                                                                                                      3

                                                                                                      Waa 21ka Oktoobar, sannadguuradii dhalashada Kacaanka. Negeeye oo afar bilood Xamar joogay wuxuu u daawasho tegay fagaaraha dabbaaldegga. Weligii run iyo riyo toonna ku ma uu arag quwad ciidan oo intaa tiro la’eg iyo qalab dagaal oo sidaas u culus. Waa duni yaab leh oo ku cusub. Gaardiga iyo durbaanku wadnihiisa ayay gilgileen, jibbo iyo qiiro aad u badan ayayna ku abuureen. Wuxuu hareeraha ka arkay dumar mashxaradaya marna ooyaya, wadaaddo ducaynaya iyo rag dhididka qiiradu dharka iyo dhafoorka qooyay. Tol iyo towrad mid ay ahaataba, soomaaligu cidda uu ku abtirsado ma jirto wax uu ka la jecel yahay xoog dagaal. Cilmi, dhaqaale iyo wax kale toonna la ma daneeyo. Dadka meesha jooga badankoodu quud maalmeedka ma soo qabtaan, laakiin maanta ma jiraan faan iyo islaweyni u dhimani. Ingiriis iyo Talyaani casar ma la raray, Xabashi, Kiiniya iyo Faransiis dhulka ay haystaan in ay hurdo macaan ku seexdaan ma laga xaaraameeyay? Haddaba Aakhiro meel la tago leh.

                                                                                                      Negeeye maalintaa isaga oo aan goobtii ka dhaqaaqin ayuu goostay in uu askari noqdo.

                                                                                                      Geerashkii uu farsamada ka baran jiray beryahan waxaa ka soo gala shilimmo u badan baqshiish ay siiyaan dadka baabuurta looga shaqeeyaa. Noloshiisu ha iska liidato ee Rooble wuu ka xoroobay, run ahaantiina isku ma fiicna, inta badanna ismaba arkaan. Laakiin taladaa ku dhalatay in uu ku wargeliyo ayay la noqotay. Fiidkii ayuu guriga ugu tegay.

                                                                                                      “Waxaan goostay in aan millateri noqdo.” “Sow laga ma yaabo in lagu raadinayo?” “Mar uun baan dhiman lahaa.” Waxaa jiray sharci uu Kacaanku la yimid oo ahaa qofkii qof dila in loo dilo. Taas darteed Rooble aad ayuu uga welwel qabay qoyskii uu Goodir ka dhintay in ay dacwoodaan. Markii uu sheegay in uu askari noqonayana wuu la yaabay, wuxuuna u arkay nin wadkiisu galay oo mawdku u gacan haadiyay.

                                                                                                      Negeeye isaguba arrintaas wuu ka fekeray, laakiin meesha uu dilka ka geystay oo miyi fog ah iyo arrinta oo uu ogaa in xeer dhaqameed lagu dhammeeyay dartood baqdinta uu Rooble ka digayaa isaga waa ay ku yarayd.

                                                                                                      Raage iyo Leyli habeenkaa markii ay maqleen Negeeye oo ciidanka qalabka sida ku biiraya aad ayay u la yaabeen. Waxay ahayd mar ay si dhab ah u ogaadeen Negeeye in uu yahay gacankudhiigle, ciidankana waxay u haysteen dad xumaha oo dhan ka dhawrsan. Taa iska daaye waxay la yaabeen sida uu qof qaadka cunaa oo sigaarka cabbaa ciidan u noqon karo.

                                                                                                      Negeeye isagu markiiba taladaa meelmarinteeda ayuu u tabaabulshaystay, barashadii farsamadana degdeg ayuu faraha uga qaaday. Si uu wehel uga dhigto ayuu Diiriye askarinnimada ku qalqaaliyay, laakiin ku ma uu guulaysan, shaqada baabuurta ayuu uga hanweynaa.

                                                                                                      Negeeye wuxuu iska diiwaan geliyay millateriga oo ka mid noqoshadiisa waqtigaas irridaha loo ballaqay. Berigaas waxaa socotay ciidamayntii ugu badnayd taariikhda Soomaaliya, oo ay sabab u ahaayeen askartii talada dalka maroorsatay iyo isu diyaarinta halgankii lagu heshiiyay in soomaalida maqan lagu xoreeyo.

                                                                                                      Darxumo ha ku koro, wuxuu se ahaa labalafood dherer iyo dhumuc u dhashay, weydna ha iska ahaado ee noloshii adkayd ee Damalweyn naftiisa iyo jidhkiisaba waxay ka soo dhigtay suun maas ah. Wuxuu u ekaa qof sidiisaba askarinnimo loo abuuray. Sidaas darteed tabobarku run ahaantii isaga u la ma adkayn sidii ay ragga kale had iyo goor uga cabanayeen. Laakiin saddexdii cisho ee ugu horreeyay waxay lahaayeen hawl gaar ah.

                                                                                                      Maalintii uu tabobarku bilawday galabtii ka horreaysay ayuu Negeeye xero ciidan oo Xamar debedda ka ah iska xaadiriyay. Subaxdii xigtay ciidankii cusbaa inta dirays loo qaybiyay ayaa barxaddii xerada lagu soo safay, loona bilaabay tabobar cadaab u eg. Saraakiil wada xanaaqsan oo canaan iyo qaylo badan, mararka qaarna gacanqaad weheliyo, ayaa ciidankii majaraha u qabtay. Maalintii koowaad waxaa la qabtay shaqo adag oo lagu dejinayay laguna ka la hagaajinayay sariiro iyo qalab kale oo beryahaa xerada laga soo buuxiyay. Gaardi, orod iyo jimicsi adag ayaa dhawrkii cisho ee ku xigay midba mid looga gudbay.

                                                                                                      Maalmahaas Negeeye, sida ragga kale, ayuu marka waqtiga hurdada la gaadho isaga oo wada damqanaya sidii wax dhintay sariirta ku dhici jiray kuna hambaberi jiray subaxda xigta qaylada iyo siidhiga saraakiisha. Laakiin markiiba wuu la qabsaday, isaga oo istusay askarinimadu in ay tahay shaqo raggannimo iyo sharaf leh. Ilaa carruurnimadii hammigiisa ugu weyni wuxuu ahaa in uu noqdo nin adag oo laga baqo, taasina in ay maanta ugu dhow dahay ayuu dareemay.

                                                                                                      Garoonka hanfiga iyo habaaska badan marka uu gaardigu isdaba marayo, ee ay qorraxdu dunida shiilayso dhididkuna dhulka u dhaco, ee uu ninka jilicsani beer caddaado, Negeeye wuxuu ku fekeri jiray ragga kale oo dhami haddii ay mid mid u daataan in uu yahay ama noqon karo ka ugu dambeeya ee awood iyo adkaysi u leh in uu sii noolaado. Tallaabada gaardiga marka uu kabta sida xoogga leh dhulka ugu dhufanayo waxay u la mid ahayd isaga oo reer damalweyn madaxa kaga tumanaya. Runtii marar badan ayuu cagtiisa culus oo dhulka ku sii socota dareemay in ay afka kaga dhacayso mid ka mid ah raggii reer damalweyn ee markii uu tabarta darraa ku wiirsan jiray, gaar ahaan Aw Faarax iyo odaygii xumaa ee inta uu saqdadhexe Amran ku soo guureeyo hurdada ku bakhtiisan jiray.

                                                                                                      “Cagtu marka aad kor u qaaddid biyoshub ha yeelato, cidhibtuna iyada oo kaynaansan dhulka ha cuskato! Sida gabadh tamashle ah ma aha raadkaagu in uu muuqan waayo, ee waa in uu sidii fadal libaax muddo dheer dhulka sii qodnaadaa. Shaqadaadu waa dil, diintaadu waa amar qaadasho, hoygaagu waa gaajo iyo harraad, sedkaaguna waa siifadda baaruudda. Waxaa lagaa doonayaa ciidanka Afrika ugu guunsan in aad sida cawsha eridid, oo aad boqor libaax sheegtay sidii ri irmaan dhegta soo qabatid. Taasina Kuu ma fududa haddii aad tahay nin jilicsan.” Sidaas ayuu sarkaalka xeradu u qaylin jiray.

                                                                                                      Negeeye hadalkaa wuxuu ka heli jiray dhiirrigelin aan mid ka weyni jirin. Kamana ay ahayn Xabashi nacayb iyo waddaniyad, sidii ay dadku berigaa u badnaayeen, laakiin naftiisa cuqdadda iyo aarsigu ka buuxay ayay xaaladdani dheef u ahayd. Dhanka kalena qiime in uu yeelan karo aanu weligii ka fekerin ayuu dareemay.

                                                                                                      Aqoonta uu tabobarkaa ka kororsaday ma ay ahayn oo keliya ta ciidanka, ee wuxuu bartay adduun iyo nolol dhan oo ka daahnayd. Wuxuu bartay akhriska iyo qorista far soomaalida oo markaa cusbayd, wuxuu wax ka bartay taariikhda iyo juqraafiga Soomaaliya oo borobbagaando iyo been lagu iidaamay. Waxaa loo sheegay sida ay soohdimaha Soomaaliya ku dhismeen iyo in ay tusaale u tahay cadaawadda gumaysiga iyo imbiriyaaliyadda. Wuxuu bartay in ay jiraan gumaysi cad iyo mid madow oo soomaalida u midoobay. Waxaa loo sheegay dawladnimadii lixdankii in ay ahayd maqaarsaar dadka iyo dalka lagu maali jiray, Kacaankuna u dhashay qarannimo buuxda iyo midnimo ay soomaalidu yeelato in uu xaqiijiyo. Waxaa la tusaaleeyay sida uu Kacaanku u eryay imbiriyaaliga, gacansaaarkana u la yeeshay bulshooyinka horusocodka ah.

                                                                                                      Madaxweynaha oo gabogabayntii tabobarka ka soo qayb galay ayaa xamaasadda Negeeye cirka ku sii shareeray. Madaxweynuhu markii uu ciidanka salaansharaf ka qaatay ayuu jeediyay khudbad dheer oo aan ahayn wax cusub ee uu sidii hadal cajalad ku duuban munaasabad walba ku soo celcelin jiray:

                                                                                                      “Jaalleyaal, xilka aad qaaddeen waa mid culus oo idiinka baahan adkaysi, Kacaannimo iyo karti dheeraad ah. Waa mid idiinka baahan nafhurid iyo in aad u hiilinta Kacaanka ka hormarisaan waalidkiin iyo walaalihiin; in aydaan u nixin kacaandiid. Kacaanku wuxuu u dhashay xakamaynta xaaraancunka, burburinta eexda, qabiilka iyo qaraabokiilka; wuxuu u dhashay sinnaanta iyo daryeelka danyarta; idinka ayuu idiin dhashay (askartu waxay ka timaaddaa dabaqadda ugu liidata bulshada). Midhaha Kacaanka cidda guran doontaa waa cidda maanta dulinka ka ilaalisa, mana illaawi doono cidda abaal u gasha ee abaal u dhigta, jaalleyaal…”

                                                                                                      Waxaas oo dhan Negeeye wuu rumaystay. Waxaa se kaga sii darraa, dareenkiisana raad qoddo dheer ku reebay, markii uu madaxweynuhu sheegay isaguba in uu maalin goobtan oo kale taagnaa oo tabobar dhammaynayay, maantana, halgan adag iyo waqti dheer ka dib, uu yahay Aabbaha Umadda iyo Hoggaamiyaha Kacaanka.

                                                                                                      Negeeye intaa wuxuu ku dhaygagsanaa dhafoorrada odayga oo uu ka arkayay dhirbaaxooyinkii kulkululaa ee waqtiga, iyo darajada garbaha kaga taxan oo u muuqata dhirbaaxooyinkaas nabsibaxoodii. Ilbidhiqsigaa waxaa ku abuurantay riyo fog, wuxuu goostay in uu sarkaal noqdo.

                                                                                                      Maalintii tabobarku dhammaaday saddex askari oo uu isagu ka mid yahay ayaa alifkii ugu horreeyay qaatay, kaas oo ay ku mutaysteen shiish wanaag iyo adkaysi. Alifkaasi Negeeye wuxuu cagta u saaray sallaankii koowaad jaranjaro dheer oo uu fanashadeeda u guntaday.

                                                                                                      Isaga oo waxaas oo dhan maanka ku qaatay markii tabobarku u dhammaday wuxuu ahaa qof kale. Aad ayuu u xamaasadaysnaa, aad ayuu u xanaaqsanaa, aad ayuuna u la yaabbanaa waxa soomaalida qaarkood ka dhigay maanlaaweyaal aan Kacaanka siin abaalkii uu ka mudnaa. Wuxuu fahmi waayay sheyddaanka madaxa kaga jira rag uu abtigii Rooble ka mid yahay, kuwaas oo uu maqli jiray iyaga oo xan iyo xumaan ka sheegaya saraakiisha sare ee Kacaanka. Marar badan ayuu maqlay iyaga oo si yasid leh ugu kaftamaya: “Ma askar baa siyaasad wax ka taqaan?! Dalka ma waxay moodayaan xero millateri?! Hantiwadaaggan ay nagu wareeriyeenna xaggee bay ka soo bawsadeen?!”

                                                                                                      Isaga oo sidaas u fekeraya, oo dirayskii ciidanka gashan, cududahana alif cadi kaga suntan yahay, oo sidii ilmo dharkii ciidda loo geliyay cagaha carrada ka ilaashanaya, ayuu maalin reer abtigii soo booqday. Markii muuqiisa la arkay ayay deriskii ku soo xoomeen, oo sidii nin aroos ah mashxarad iyo sacab ku gelbiyeen. In kasta oo uu ogaa in aanay ahayn jacayl isaga ahaan loo qabo, ee ay tahay qaddarin ciidanka oo dhan loo hayo, haddana islaweyni aad u badan ayuu dareemay. Waxay ka mid ahayd waxyaalihii shaqada sii jeclaysiiyay.

                                                                                                      Markii uu tabobarku dhammaaday ciidankii waa la ka la firdhiyay inbana gobol baa lagu meeleeyay. Dhawr uu isagu ku jiro waxaa laga shaqogeliyay gaas fadhigiisu ahaa Baydhabo.

                                                                                                      Xerada Negeeye lagu qoray in kasta oo aanay ahayn meel xiise badan, maalin walibana u egayd tii tagtay, haddana waa ay ka duwanayd noloshii dhibka badnayd ee tabobarka, tii uskagga ahayd ee geerashka iyo tii darxumada badnayd ee Damalweyn intaba. Wuxuu yeeshay mushahar uu isku hallayn karo, wuxuuna dareemay in uu taagan yahay meel uu dhismaha mustaqbalkiisa ka amboqaadi karo. Madaxweynuhuba mar buu alifle ahaa, waddada yari ta weyn ayay kugu riddaa, ayuu isxasuusiyay.

                                                                                                      Baydhabo waxaa ku taallay shinoomo laga dhigo filimo af talyaani ku hadla, kaas oo aanay dadka badankoodu wax badan ama waxba ka fahmin jirin haddana habeen walba laga buuxi jiray. Mushkiladda af talyaaniga waxaa lagaga ladnaa filimada halkaa lagu daawadaa waxay u badnaayeen dagaal iyo fardoolay Maraykan ah. Waxay kale oo Baydhabo ka mid ahayd magaalooyinka lagaga talo galo Hobollada Waabberi marka ay sidaan ruwaayadahooda la jecel yahay. Ruwaayadaha ayuu Negeeye filimada ka jeclaa waayo waxay ka hadli jireen nolol uu fahmayo.

                                                                                                      Xiisaha ay magaaladu yeelan lahayd niman uu Negeeye ku jiro waxaa ka carqaladeeyay aqoon la’aanta lahjadda maayga taas oo aanay barashadeeda wax dadaal ah saarin. Waxay yaseen dhaqan hoosaadka iyo lahjadda bulshada, waxayna si xaqirid leh u yidhaahdeen: “Waa tii uu Sayidku sheegay oo maaygu af muslin iyo af gaalo toonna ma aha.” Laakiin askartii lahjaddaa baratay markiiba waxay noqdeen reer baydhabo, qaarkoodna waxay barteen ama guursadeen gabdhihii magaalada. ***

                                                                                                      Negeeye isaga oo laba bilood Baydhabo jooga, goor galab ah oo uu xerada turub ku cayaarayo, ayaa loo sheegay in ay qof dumar ahi debedda ku sugayso. Xasuusta ku ma uu hayn gabadh soo booqan karta, sidaas darteed intii uu albaabka weyn ee xerada ku sii socday wuxuu ka fekeray ta ay noqon karto. Markii uu debedda u soo baxay wuxuu arkay haweenay geed hoos fadhida. Ilmo yar ayay dhabta ku haysataa. Wejigeeda diif ayaa ka muuqata laakiin ma garan waayi karo. Waa Amran.

                                                                                                      Damalweyn ha necbaado mase illaawin, gaar ahaan hooyadii iyo Amran labadaba joogto ayuu uga fekeraa. Had iyo goor waa uu maleeyaa ka uu noqon karo ninka Amran ka dhaxlay ee habeen walba marka tuulada laga seexdo mutulkii xumaa ku la xisaabtama. Haddii uu Xamar tago cid Damalweyn ka timid wuu la kulmi lahaa, ha yeesho ee Baydhabo cidna ku la ma kulmi karo.

                                                                                                      “Aad ayaad isu beddeshay”, ayay ku tidhi markii ay isbariidiyeen. “Waad sii kortay, shaarubo weyna la baxday.”

                                                                                                      “Qudhaadu waad isbeddeshay. Waad caatowday.” “Waqtiga ayaa caato iska ahaa”, ayay tidhi, oo ilmihii inta ay kor u soo qaadday sida muraayadda Negeeye wejiga ugu beegtay. “Waxyaalo badan baa isbeddelay, ninkan yarina isbeddelka ayuu ka mid yahay ee bal isbarta.”

                                                                                                      Negeeye wuxuu eegay ilmihii oo ahaa qof weli aad u yar oo laba indhood oo aan libiqsanayn ku soo fiirinaya. Wuu maleeyay waxa ay soo waddo, isaga oo dhididsan, neeftuna dirqi kaga soo baxayso, ayuu si dareen ka buuxo Amran ugu dhaygagay. Intii aan wax hadal ahi ka soo bixin ayay u raacisay:

                                                                                                      “Waxaan u bixiyay Kaliil, laba sababoodba: waa mar ee wuxuu dhashay kaliil, waa marka labaad ee wuxuu i baday kulayl. Rafaad badan baan ku keliyaystay, waad og tahay dadku sida ay u arxan daran yihiin marka ay gabadh aan nin lahayni uur yeelato.”

                                                                                                      “Waan fahmayaa”, ayuu ugu garaabay. Waa markii kowaad intii ay dhibaatada la kulantay ee ay maqasho cid u garowda, illin ku gaaxatay ayaana kediso uga soo qubatay.

                                                                                                      “Xaaladda aan ku ummulay Ilaahay uun baa fahmi kara. Dhib kastaba aan ka soo maro ee faan ayay ii ahayd in aad aabbihii tahay.”

                                                                                                      “Laakiin xaq ma u lee yahay in aan ku idhaahdo nin kasta oo kale ayaa Kaliil aabbe u ahaan kara?”

                                                                                                      Si naxdin leh ayay Negeeye eegmada ugu la boodday. Ilmadii dhabanka qulqulaysay ayay garbosaarta degdeg ugu masaxday, dabadeed si calool adayg leh ugu tidhi:

                                                                                                      “Cay Kuu ma aan soo doonan ee waxaan kuugu imid in aynu inankeenna wada korsanno, waayo waa adigii guur ii ballan qaadday, waanan ku aamminay.”

                                                                                                      “Haddii aad doontid cay u qaado, laakiin wayddiinta xaq ma u lee yahay?”

                                                                                                      “Uma lihid, maxaad ugu lahaanaysaa? Waa ayaandarro haddii aad isu aragtid in aadan aabbe noqon karin, ama aadan doonayn in aad noqotid.”

                                                                                                      Cabbaar ayay ka la aamuseen oo dhulka xarxarriiqeen nabarro xanuun lehna ka jeexeen. Mar dambe ayuu Negeeye madaxa kor u soo qaaday. Qorigii uu dhulka ku xaquuqayay ayuu sidii uu cadow ku dhufanayo hortiisa xoog ugu maguujiyay. Cir buluug ah oo aan caad lagu ogayn cadceedduna galbeed uga hoobatay ayuu indhaha mariyay. Xusuus yar jiidatay ayuu maskaxda ka saaray. Kaliil oo Amran dhabta u saaran ayuu wejigiisa eegmo ugu noqday, isaga oo malaha ka daydayaya meel uu isaga ama raggii kale ee reer damalweyn midkood uga ekaan karo. Wuxuu se ahaa dhaylo aan weli qaab yeelan oo aan la qiyaasi karin. Wuxuu ka fekeray Amran in ay si kale u aragto.

                                                                                                      Iyada eegmada dambe ee Negeeye waxay gelisay rajo. Codka niyaddiisa ka guuxaya laakiin aan afkiisa ka soo bixin si fiican ayay u garatay. Waa nin ay taqaan, qof aad taqaanna haddii uu seexdo oo soo tooso waa isla isagii. Sidii ay hal maqaar diidaysa ku godlayso ayay mar kale Kaliil kor u soo qaadday oo tidhi:

                                                                                                      “Bal muraayad isku eeg. Waa kaase miyaan la moodin in la idin ka la jeexay? Dhegahaasi miyaanay ahayn kuwaaga la moodo dhego bakayle?”

                                                                                                      Waa runteed, yarka dhegihiisu waxay ku dhow yihiin in ay dhakada kor u dhaafaan. Laakiin waa ku ma ninka reer damalweyn ah ee aan dhego waaweyn lahayni? ayuu ku fekeray. Aw Faarax iyo Haybe iyagaba ma cid baa ka dhego dhaadheer? Taasi sifo ay reer damalweyn oo dhami ka la hiddaysteen ayay noqon kartaa ee daliil kale ma jiraa?

                                                                                                      “Sidee baad ku soo ogaatay in aan Baydhabo joogo?” ayuu wayddiiyay.

                                                                                                      “Intii aan Damalweyn joogay ayaan xan ku maqlay in aad Xamar timid, abtigaana Xamar waan ku ogaa. Si gobannimo leh ayay reer Rooble ii qaabbileen, saddexdii habeen ee aan la joogayna aad ayay ii daryeeleen. Waxaa se ku adkaatay in ay rumaystaan in aan xaas kuu ahay, waayo sida ay ii sheegeen weligood taas kaa ma maqlin.”

                                                                                                      “Sidee bay iiga kaa maqlaan ma xaas baad ii ahayd?” “Ma aha in aan anigu la yaabban ahay ee waxaan u jeedaa sida ay iyaga ugu adkaatay.”

                                                                                                      Imika Amran ilmadii waa ay ka engegtay, markii uu sii eegayna wuxuu xasuustay tii gogosha ku gardaadisay ee wehelka u ahayd berigii debedyaalnimada. Wuu hubaa imaatinkeeda in uu u baahnaa, laakiin ilmahan jaan yaa dhalay? ayuu ku fekeray. Weligii hebednimo ayuu ku hubay, xataa markii ay isugu dhowaayeen, maanta oo ay iyaga oo muddo ka la maqnaa ilmo u la timidna hadalkeedba daa. Laakiin armuu ilmo uu dhalay dafiraa? Mar haddii uu iyada u baahan yahay midho daray in uu duudduub ku liqo ayuu goostay.

                                                                                                      Go’aan wuxuu ku gaadhay in uu dhakhso u guursado, waxayna ku heshiiyeen in ay dadka u sheegaan hore in ay isu qabeen. Waa ay hubeen taasi in ay layaab dhali doonto, waayo Negeeye weligii afkiisa laga ma maqal in uu xaas lee yahay. Waa se sida keliya ee ay aabbennimadiisa Kaliil ku sharciyayn karaan.

                                                                                                      Habeenkaa wuxuu geeyay guri uu lahaa askari ay saaxiib ahaayeen oo xaas magaalada ku lahaa. Maalintii xigtay wadaad iyo laba markhaati ayuu masjidka ka soo kaxaystay, markii ay hawshooda guteenna hilib iyo bariis ka dhergiyay. Dabadeed ciddii yaabaysaa ha yaabto, waa ay isqabeen.

                                                                                                      Waxay degeen qol keliya oo ay magaalada ka kiraysteen, kaas oo aanay dhigan wax dhaafsiisan sariir labaqaad ah iyo weel cunto. Wax ay galeen nolol iska liidata, laakiin aan ka liidan tii ay awalba soo wada mareen. Mushaharadiisa oo bilawgii ahayd dakhligooda keliya waxaa caawiyay raashin jaban oo ay ciidanka ka heli jireen.

                                                                                                      Markii ay Amran magaalada la qabsatay ayay qunyar qunyar u bilawday xirfad dakhligooda wax badan ku soo kordhisay. Dadka ayay u fooxisaa, taas oo ay baratay intii ay Negeeye soo ka la maqnaayeen. Waxay fardaamisaa falka, waxay cuudisaa jimanka, waxay sheegta cudurrada, waxay qortaa maddiidada, waxay tilmaantaa sababaha faqriga. Ma jirto cillad aanay cilmigeeda lahayni. Intaas oo dhan waxaa u dheer dadka waxay u sii oddorostaa waxa uu qaddarku mustaqbalka u maleegayo.

                                                                                                      Barxadda guriga oo ay qoysas kale la wadaagaan ayay dadka ugu shaqaysaa. Fooxa ay sida joogtada ah u qiiqiso, oo deriska wada gaadha, dan badan dadku ka ma galaan. Haddii ay ka dacwoodaan in ay jimankeeda ku soo fasaxdo ayayba ka baqeen.

                                                                                                      Dhaqaalaha qoyska intii Negeeye in ka badan ayay ku soo kordhisay, laakiin isagu runtii ku ma faraxsana. Mar keliya ayuu arkay agagaarkii qolkiisa yar oo had iyo jeer qiiq ku xayndaaban yahay, ilaa uu Kaliil iyo Idil oo maalmahaas dhalatay ka baqay in ay ku indho beelaan. Jimankan ay u soo xaraysay waxaaba kaga daran magacxumada ay u soo hoysay. Awal waxaa loo yaqaannay Guriga Labaaliflaha, imika se waxaa loo yaqaan Guriga Fooxisada.

                                                                                                      “Amran, waa maxay waxan aad gashay?” “Weligaba waan ogaa in aan amran ahay, aniga oo aan tallaabo qaadin baa la ii sheegay in la i weheliyo. Ma qalad baa markaas in aan waxa uu Ilaahay igu mannaystay dadka uga faa’iideeyo?”

                                                                                                      Waxa ay sheegayso isagu ma rumaysna mana beensana, laakiin kollay waa ay ku adag tahay in uu rumaysto mustaqbalka in wax laga ogaan karo. Maalin ayaa xerada ciidanka la isla dhex qaaday war sheegaya in la xulayo shan askari oo ay da’doodu soddonka ka hoosayso, oo dalka Soofiyadka layli sarkaal loo geynayo. Negeeye isaga oo taa rajo weyn ka qaba ayuu Amran u sheegay, iyaduna cilmigeedii ayay la ka la baxday oo foox ku tuurtay. Aqalka hortiisa ayay dabqaad ay dhuxulo nooli ku jiraan foox ku ridday. Markii uu qiiq cirka isku shareeray ayay gacmaha dhex warwareejisay, cod la moodo in ay hadrayso ayay ku guuxday, indhaha ayay sidii qof sii dhimanaysa ka bilig bilig siisay, madaxana sidii qof xummadaysan marba dhan u walhisay.

                                                                                                      “Waa guntin… guntin aan la furi karin! Iyo xinjir… xinjiro! Dhiiggana maxaa noo keenay?… Iyo maydkan aan aasnayn? Yaahuu! Isku baxa! Isla hela! Gurigiinna ma dhaafto! Guntintiinnu ma furanto! Maydkiinnu ma aasmo! Yaahuu!”

                                                                                                      Waxay u ekaatay qof la maray. Waa markii koowaad ee uu Negeeye u fiirsaday iyada oo fooxinaysa, runtiina wuu baqay iyadana wuu u naxay. “Naa waa maxay?” “Usuus! Negeeye, dhoofkaaga mooyee sow adigan dhintay! Sow tan ay ku dishay xabbad ka soo dhacday gacan aad kuugu dhowi! Bisinka iyo yaasiinka! Bisinka iyo burdaha! Waa maxay waxani?”

                                                                                                      Negeeye waxaa maskaxdiisa ku soo dhacday sidii uu Goodir u dilay iyo markii uu xabbadda ku dhuftay sidii ay gacantiisu ugu dhoweyd. Degdeg ayuu Amran uga ag kacay isaga oo sii leh:

                                                                                                      “Naa nagala tag khuraafaadka.” ka ma uu mid noqon shantii askari ee Midowga Soofiyati loo qaaday. Laakiin taa waxaa kaga darrayd xabbaddii dishay ee gacanta aad ugu dhow ka soo dhacday.

                                                                                                      Maalmahaas uu koorsada debedda ah waayay ayuu subax roob culusi da’ayay shaqada galay, wuxuuna ugu tegay warqad uu abtigii Rooble ka helay. Wuxuu u soo sheegay laba war oo uu Negeeye mid ka murugooday midna ka baqay. Hooyadii Dhool baa dhowaan miyi ku geriyootay, nin ina Goodir ahina wuxuu soo galay Xamar.

                                                                                                      Mar keliya ayuu Negeeye wada xasuustay jidhkii Dhool ee caatada ahaa, ee aad moodaysay gabadh ugub, codkeedii macaanaa iyo labadeedii indhood oo ahaa wax uu arko waxii ugu naxariis badnaa. Wuxuu u xasuustay sidii ay shalay isugu dambaysay. Wuxuu ka fekeray dardaarankeedii ahaa in aanu aabbihii u aarin, wuuna maleeyay markii ay dilka maqashay in ay ka naxday.

                                                                                                      Maalintii xigtay dhawr wadaad ayuu soo kaxeeyay oo lax shilis iyo bariis iyo shaah u kariyay. Soddonka Qur’aanka iyo mid iyo kow iyo toban qulhuwalle iyo duco kale ayay u akhriyeen. Intaas ayuu hooyadii ku xusay.

                                                                                                      Welwel kale waxaa ku soo kordhiyay ninka la sheegay in uu Xamar soo galay. Si wanaagsan ayuu u garanayaa. Waa Cali-Dheere, curadkii Goodir oo isaga gu keliya ka yar. Dadkuba miyiga waa ay ka soo wada yaacayaan, Xamarna ku soo xoomayaan, ina Goodir isaguna taa dadka kale ayuu ka la mid noqon karaa, laakiin in uu dekeno daba socdaana waa suurtogal. Wuu dacweyn karaa oo Negeeye deldelaad loo taagi karaa, laakiin sida ay dabeecadda reer miyigu tahay waxay u badan tahay in uu doonayo gacantiisa in uu ku aarsado.

                                                                                                      Saadaashii fooxa Amran ayuu mar kale xasuustay. Maalintaas ka dib wuxuu ahaa dhiillo u joog, mar kasta oo uu baabuur Xamar ka yimid arkana eegmada ayuu la sii raaci jiray bal in uu arko qof ina Goodir u ekaan kara oo ka soo degaya. Wuxuu warqad ku cayntaariyay saaxiibkii Diiriye uu kaga codsanayo in uu ninkaa ina Goodir ee Xamar lagu sheegayo ujeeddadiisa warbixin dheeraad ah ka raadiyo. Ugu dambayn Diiriye wuxuu soo xaqiijiyay Cali-Dheere in uu yahay xerow diin barasho u socda, habeen iyo maalinna masjidka fadhiya.

                                                                                                      Warkaasi qalbiga Negeeye culays badan ayuu ka qaaday, laakiin ka ma uu wada qaadin. Khayr wax ku ma yeelo ee shar u toog hay, ayuu ku fekeray. Xerownimada in uu ku raadgadanayo, oo isleh yahay cadawgaagu ha isdhigto, ayaa laga yaabaa, ayuu maleeyay. Laakiin ma ay jirin wax uu arrinta ka qaban karo oo aan ahayn in uu sii digtoonaado.

                                                                                                      ***

                                                                                                      Xirfadda ciidanka oo ay dad badani ka faanaan Negeeye isagu wuu ku faanaa, tuutahana shaqo keliya u ma sito ee wuu ku xarragoodaa. Sababtu wax ay tahay mooyi laakiin magaca “askari” wuxuu ka jecel yahay “millateri” oo u la macne ah quwad iyo haybad. Dadka inta aan millateri ahayn wuxuu u yaqaan rayid, taas oo u la mid ah maato, taas oo iyaduna u la sii mid ah jileec, liidnimo iyo hoosayn. Mooyi in lagu shubay iyo in uu isagu isku shubay, wuxuu se dareenka ku haystaa in ay jirto geesinnimo iyo nafhurid uu dadweynaha dheer yahay. Ma jirto xirfad kale oo uu ku doorsan lahaa. Askari waliba waqtiga nabadda shaqadiisa wuu jeclaan karaa, marka ay runi run tagto ayaa se la ka la baxaa. Laakiin Negeeye sida uu raalli uga yahay ma jiraan wax nacsiin karaa.

                                                                                                      Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay jawiga xeradu aad ayuu u kacsanaa, waxaana si weyn loo dareemayay xaalad degganaansho la’aan ah. Fasax qaadasho oo dhan waa la joojiyay, askartii fasaxa ku maqnaydna dib ayaa loogu wada yeedhay. Waxaa la galay heegan, askari walbana waxaa loo tiriyay dhammaan qalabkii dagaalka. Xerada waxaa lagu soo toomiyay gaadiid iyo qalab dagaal oo cusub. Saacadaha hurdada mooyee waqtiga intiisa kale oo dhan waxaa la galay tabobarro, khudbado iyo abaabul adag. Waxaa isweydaaranaya saraakiil sare oo Muqdisho ka timid. Sababta, in kasta oo aanay jirin cid si rasmi ah ugu warrantay, haddana ciidanka oo dhami wuu ogaa: waxaa bilawday dagaalkii Soomaaligalbeed.

                                                                                                      Goor makhrib ah ayaa markii cashada laga soo jeestay siidhi la afuufay, amarna lagu bixiyay in si degdeg ah la isu qalabeeyo. Daqiiqado ka dibna waxaa lagu kulmay barxaddii xerada, halkaas oo ciidankii lagu wargeliyay in jiidda dagaalka laga hawl gelayo, daqiiqad kastana la dhaqaaqi doono. Dhawr nin mooyee waa dad shantii sano ee ugu dambeeyay la ciidameeyay, waayo’aragnimo dagaalna ma ay lahayn.

                                                                                                      Saqdhexe ayay guuxii baabuurta, gaardigii ciidanka iyo amarradii saraakiishu isqabsadeen. Markii ay habeenka saddex meelood oo laba tagtay ayaa ciidankii oo kolanyo ah xerada galbeed qumman looga dareeriyay.

                                                                                                      Barqadii uu ciidanku jiidda gaadhay dagaalku markaa wuxuu socday bil, ciidammada xabashidana durba waxaa laga qaaday dhul aad u ballaadhan. Meel walba waxaa laga maqlayay gariir iyo qaraxyo culayska ka la daran oo aan kalago lahayn. Waxaa ka darraa diyaaradaha dagaalka oo hawada galaabaxayay guuxoodana lagu dhego barjoobayay. Waxay ahayd xilli qabow, roob joogto ahina da’ayay, meel walibana waxay ahayd qoyaan iyo biyo. Gaar ahaan askarta dagaalka ku cusub ee weli baqaysa dhaxantu waxay u haysay si dheeraad ah. Markii se dagaalkii ugu horreeyay la galay, ee diirrimaadka qoryaha iyo uumiga baaruudda la kulaalay, baqdintii iyo dhaxantiiba isku mar ayay kaceen.

                                                                                                      Ciidammada Xabashida si foolxun ayaa looga adkaan jiray, dhul badanna iyaga oo aan kuba dagaallamin ayay ka kaceen. Laakiin dhufaysyada dagaalka lagaga qabsaday waxay u eg yihiin meel dadkii dunida oo dhan lagu halaagay, waxaana isdul fuushan maydad aan tiro lahayn. Meel walba waxaa taal raq fuurtay ama solantay oo dayaca iyo foolxumada la moodo xoolo ay abaari xaaqday. Sideedaba goobta dagaalku waxay ka mid tahay meelaha ay dadnimadu ku macno beesho.

                                                                                                      Sidaas oo ay tahay, haddii la diiday dilka in la iska daayo hubka casriga ahi waa horumar la gaadhay, wuxuu dhaamaa waran daxal leh oo isaga oo aan ku dilin wadnaha ku fadhiista, ama fallaadh feedhaha kaa ruubata, amaba seef af daran oo muruqa ku jiidha. Horumarka ay noloshu samaysaba dhimashaduna mid la’eg ayay la samaysaa, tallaabada ay qaaddana mid la’eg ayay ka daba qaaddaa.

                                                                                                      Khasab ma aha loollan waliba in uu yahay shar iyo khayr ama dulmi iyo dulmane legdamaya. Marar badan ayay laba sheyddaan isu tafoxaytaan, marar badan ayay laba malag is hirdiyaan, marar kale ayay se sheyddaan iyo malag seefta isu la baxaan. Jacaylka guusha iyo sakhradda ay libintu lee dahay, ama xanuunka gunnimada iyo foolxumadeeda, ayaa badanaa ah waxa ugu weyn ee dadka dirirta geyaysiiya. Marka aad qabtid dareen xaqudirir iyo marka aad seefta sheyddaanka walhinaysid dhimashadu isku dhadhan ma aha.

                                                                                                      Xamaasaddii dagaalka lagu galay ee waddaniyadeed waxaa ka weynaa wax iska celin, in la iska celiyo cid kasta oo ka qaybgashay shirqoolkii caalamiga ahaa ee soomaalida loogu tashaday. Laakiin dagaalkaa dhan walba lagu halaagmay, isla markaas sababta u ahaa degganaan la’aanta Geeska Afrika, kooxdii bilawday ee Xamar fadhiday caqli ku ma ay qorshayn. Haddii la ogaa khilaafka gobolku in aanu dabiici ku calool gelin ee ahaa rimaygacmeed, isla markaas quwadihii rimaygacmeediyay mowqifkoodu weli kii ahaa, dagaalkaasi wuxuu ahaa fal xilkasnimo ka qaawan.

                                                                                                      Ma jirto dunida ummad uu gumaysigii reer yurub ka galay godob la foolxumo ah tii uu soomaalida ka galay. Xataa foolxumadii dadnimada ka baxsanayd iyo midabtakoorkii ummado badan lagu la kacay qaarkood waxaa looga aayay midayn qowmiyadu laga yaabo in aanay weligood midoobeen oo aan af iyo isir toonna wadaagin. Laakiin Soomaaliya waxaa ka dhacday fadeexad caalami ah iyo ceeb ilaa maanta wejiga kaga taal cid kasta oo ka qaybgashay ama taageertay. Bulsho aan waxba galabsan oo dalkooda iskaga nool ayaa inta awood loo la yimid shan meelood loo qaybiyay. Laba walaalo ah ayaa xarriijin la dhex mariyay laguna khasbay in ay ka la dal iyo ka la dad noqdaan.

                                                                                                      Oo horta soomaalida maxaa loo qaybiyay? Ma la sheegay sababta? Soomaalidu marka ay xoolo dhacaan colka duullanka ahi wuxuu isu qaybin jiray qayb dhaca erida iyo qayb ka dambaysa oo cadawga joojisa. Qaybta hore waa dhacwade, qaybta dambena waa raacdareeb. Dullaynta iyo bililiqada Afrika loo geystay haddii ay ahayd dhacwade, godobta la ka la dhex dhigay ee lagaga tegay waxay ahayd raacdoreeb. Halkii ay dhaawacii loo geystay qoon ka raadsan lahaayeen, bililiqadii lagala tegayna soo dhacsan lahaayeen, ayay iyagu isa sii eedeen.

                                                                                                      Ta soomaalida gaarka looga dhigay sabab diineed dheh, isir nacayb dheh, utun la abuurayay dheh, soomaalida oo la cadaadin kari waayay ama laga baqay dheh, waxa aad doontid dheh. Kuwii se taa sameeyay waxay si fudud ugu doodi karaan: “Awooddayada jaan wax uun in aan ku samayno sow ma ay ahayn? Miyay habboonayd meesha inta aannu qarni dhan soo joogno in aanu sideedii kaga nimaadno?”

                                                                                                      Dulmi waliba, marka uu og yahay in uu dulmi yahay, wuxuu hindisaa halkudhig akhlaaqeed oo uu ciidankiisa ku dagaalgeliyo ka xaqana indhaha kaga ciideeyo. Gumaysigu haddii uu ku dagaal geli jiray “ilbixin”, qaybinta soomaalidu waxay ka mid ahayd ilbixinta. Qirashada denbiguna haddii ay tahay denbidhaafka qudhiisa, qirashada denbiga soomaalida laga galay waxay noqon lahayd bilawga xalka mushkiladda Geeska Afrika oo dhan.

                                                                                                      Ma jirin dagaalkii Soomaaligalbeed halgan ka guul iyo guuldarro badnaa, ma jirin halgan ka farxad badnaa haddana ka xanuun badnaa, mana jirin libin ka dhaweyd haddana ka fogayd.

                                                                                                      Colaadda bariga iyo galbeedku waxay maraysay halka ugu ba’an, dagaal ayayna qarka u saarnaayeen, haddana waa ay u midoobeen ka hiilinta soomaalida. Hiil shisheeye waa halkiisa, hoggaan xumaadaa se waa hoog. Jahliga iyo faqrigu iyaguna waa laba hoog oo kale. Intaas oo cudur ayaa soomaalida isu biirsaday, cid kastaana ha farageliso ee waxa ay iyadu isyeeshay wax la’eg weligeed la ma yeelin.

                                                                                                      Dagaalka afrikaankuna badanaa dagaal afrikaan ma aha, waxaa lagu soo sameeyaa meesha hubka ay isku dilayaan lagu soo sameeyo. Dagaal kasta oo ay laba dhinac oo afrikaan ahi isku dilaan waxaa ka dhasha laba natiijo oo joogto ah: warshadaha hubka oo ay suuq u noqdaan, iyo darxumo wadajir ah oo ay dhaxlaan. Ka Soomaaligalbeed isaguna noocaas ayuun buu ahaa.

                                                                                                      Maxaa miskiin madow naftiisa macnodarro ku waayay oo ay xabbad aanu wax ay ka samaysan tahay aqooni ifka ka qarisay! Maxaa qawsaar leeb iyo qaanso ku qawlaysan jiray boobe qarqarka loo geliyay oo uu dhan walba u farraqay! Holaca baaruudda maxaa hillaac roob la mooday oo loo hayaamay! Maxaa dhimashada la isu qurxiyay oo dhaldhalaal iyo dheeha dahabka loo yeelay! Indhoole muxuu indhoole kale usha u qabtay! Dawan iyo maxaa durbaan been ah dabo orodkooda lagu halaagmay! Nafta maxaa la hafray! Maangaab Afrika ku harraaddani muxuu hogol Washington ka da’aysa iyo baraf Moosko haya dallad ka hagoogtay! Ku dayasho cid kale maxaa hoog looga dhacay!

                                                                                                      Miyay ciil qabi lahaayeen hubka ay isku halaagayaan haddii ay iyagu leh yihiin, colaaddooduna ku sal lee dahay sababo horusocod leh. Waxii ay nolol haysteen oo dhan ayay dhoofiyeen oo waxii dunida dhimasho taallay soo dhoofsadeen, markaas ayay sidii ayax la buufiyay u le’deen. Hubku waa sida maandooriyaha: ka iibiyaa wuu ku cayilaa ka gataana ku dhintaa.

                                                                                                      Weligoodba Maraykan iyo Yurub xabashida ha ku sixreen hiil kiristaannimo oo aan qalbiga ka jirin ee ay maslaxad arxandarani ka dambayso. Carabtu weligeedba soomaalida islaamnimo awr ku kacsi ah ha ku indho sarcaadiso. Runtu se waxay tahay, kurayga garaca ah ee suuqyada Itoobbiya ku darxumaysan iyo garaca kale ee suuqyada Soomaaliya ku dayacan waxaa wada dhashay hooyo labada jeerba kufsi lagaga dhalay.

                                                                                                      Guulihii runta ahaa ee ay halyayada badani nafta u hureen iyo guulihi faalsada ahaa midkoodna waxba ka ma tarin xaqiiqadii lala guryo noqday. Soomaalidu dagaalkii waa ay ku jabtay, iyada oo duleedka Adis Ababa sii socota ayaana samada lagaga soo degay oo bananka Jigjiga sida cawsha laga ugaadhsaday. Laakiin markan hiilku ma ahayn Boordaqiis, mana ahayn Ingiriis, wuxuu ahaa Midowga Soofiyati iyo xulafadiisa. ***

                                                                                                      Waxyaalaha aynu rumaysan nahay badanaa innagu ma dooranno ee bulshada ayaa si toos ah ama dadban inoo gashata, taas oo badanaa dhacda marxaladda carruurnimada. Marar kale innaga oo kaashanayna aqoon, waayo’aragnimo iyo garaad ayaynu tashannaa, go’aan iyo tallaabo aynu ku qanacnayna qaadnaa. Waxaa se iyana jirta mar saddexaad oo aynu qaadanno talo aynaan aamminsanayn laakiin iska yeelyeelno si aynu duruuf jirta ugaga gudubno, ama carqalad akhlaaqeed ama awoodeed oo ina hor taal ugu burburinno, taas oo dabadeed qalad kasta oo ay tahay qunyar qunyar u noqota wax aynu difaacno. Halkaas waxa aynnu ka la mid noqonnaa beenaalihii beentiisa rumaystay. Taasi waa mid ka mid ah sababaha ay had iyo goor xaqa iyo baaddilku isugu murgaan ee loo ka la saari kari waayo.

                                                                                                      Ka soo noqoshadii dagaalka Soomaaligalbeed waxay ku beegnayd bilawgii dagaalkii sokeeye, ciidan badan ayaana isaga oo aan dhiiggii hore ka faroxalan dagaalka Mudug loo gudbiyay. Waxay ahaayeen laba dagaal oo aad u ka la macne duwan, taliskuna wuu ka feejignaa sarkaalka loo dirayo cabbudhinta kacdoonka gudaha. Sarkaal walba waxaa loo dooran jiray jiidaha dagaalka ee iska dabo qarxay ninba meesha ku habboon, iyada oo asaas looga dhigayo shakhsiyadda sarkaalka iyo cidda uu ka dhashay. Negeeye wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu horraysay ee halkaas la geeyay, sababtuna waxay ahayd warbixin laga haystay oo ah in uu yahay soomajeeste wax walba dantiisa ka hor mariya.

                                                                                                      Bilawgii Negeeye wuu qaadan kari la’aa falalkii fulintooda loo xilsaaray foolxumadooda, laakiin markii ay naftiisa dhagari buuxisay gacmahana dhiigga daray, ayuu isku sasabay in uu yahay xaqudirir gudanaya waajib qaran oo calanka cadow ka caabbiyaya. Si uu beentiisa u rumaysto waxaa qiimo weyn u lahaa falcelin kasta oo cadaawad loo tarjumi karo oo ay ku kacaan dadkii lagu tumanayay. Waqti ka dibna wuxuu isarkay isaga oo dhiigga u hamuumaya, taas oo ku beegnayd markii uu xiddigtii labaad garbaha ku hubsaday.

                                                                                                      Wuu ogaa in la doonayo dadweynaha in lagu abuuro argaggax iyo cabsi, si ay uga sasaan muuqa millateriga iyo magaca maamulka, taana lagu gaadhi karo gawrac iyo gubis aan naxariis lahayn. Sidaas darteed waa in uu lahaadaa qalbi aan nixin iyo jidh aan dubaaxin.

                                                                                                      Berigaa uu dhiigga muquuray ayay u bilaabatay marxalad cusub oo noloshiisa isbeddel weyn ku samaysay. Waxaa mar keliya ku soo faruurmay togag lacag ah oo uu meel ay ka timid garan waayay. Xiddiglaha markii uu ahaa iyo maanta mushaharadiisa rasmiga ah farqi badani u ma dhexeeyo, taas oo awal ahayd wax keliya ee uu isku halleeyo imika se aan uba tirsanayn. Lacagtu waxay ku soo gashay kun siyood, waxayna ka soo gashay kun meelood oo aanu weligiiba ka fekerin.

                                                                                                      Maalmihii ololaha Mudug meesha ugu ba’an marayay, wuxuu marar isu dhodhow helay lacag badan oo loogu sheegay gunno, laakiin uu ogaa in ay ku lug lee dahay hawlihii halkaa ka socday. Dhammaadkii sannadkii 1981, maalin uu wasiirka gaashaandhiggu booqasho ugu yimid, isaga iyo saraakiishii kale ee gobolka joogtay waxaa loo qaybiyay lacagtii ugu badnayd ee uu Negeeye weligii arkay, konton kun oo shilin midkiiba. Saraakiisha ka sarraysa wuxuu marar badan ka helay lacag aan magac iyo warqad midna lahayn. Isaga oo taa ka fekeraya ayuu sarkaal ay isku dhowaayeen maalin lacag la qabysaday ku la kaftamay:

                                                                                                      “Xaalku ma qayil oo markii lagu qabto uun arag baa?” “Cidina ku qaban mayso ee waxii dhacayaba dhankaaga qabso”, ayuu saaxiibkii ku dhiirrigeliyay, uguna sii xog warramay: “Miyaadan maqal khudbadii madaxweynaha ee sannad guurada Kacaanka? Haddii aynu nahay shaqaalaha dawladda wuxuu inagu boorriyay: ‘Iimaanlaaweyaasha dalka ka yaacay ha ku dayanina ee dadkiinna iyo dalkiinna iska xagxagta.’ Waxan ku la batay ee aad la yaabtay, saaxiib, wax kale ma aha ee waa waxoogaagii aannu soo xagxagannay.”

                                                                                                      Maalintaas ayuu Negeeye joojiyay in uu arrimahaa ka fekero. Ilkaha iyo ciddiyaha ayuu soofaystay oo bilaabay xagxagashadii ugu darrayd. Laakiin ilaa markaa lacagta jeebkiisa soo gasha inteeda badani waxay ahayd mid uu cid kale ka helay, dabadeed waxaa la gaadhay waqtigii uu isaga qudhiisu lacag samayn lahaa, gacantiisana wax laga heli lahaa.

                                                                                                      Sidii uu Mudug u yimid marnaba ka ma uu qaybgelin dagaalkii Xabashida iyo mucaaradka ee jiidaha ka socday, ee wuxuu ka mid ahaa kuwii gudaha ka waday gumaadka iyo qabqabashada rayidka lagu tuhunsan yahay in ay mucaaradka qalbiga ka la jiraan. Haddana mar dambe ayaa hoggaamiye looga dhigay ciidan loo xilsaaray soo qabqabashada dadka la doonayo in la ciidameeyo, waayo berigaas ma jirin qof iskii ciidanka u qoran jiray. Saddexda gobol ee Mudug, Galguduud iyo Hiraan ayuu ahaa dhulka uu ciidanka qafaalka Negeeye galaabixi jiray, muddadiibana gobol iyo degmo ayaana si gaar ah awoodda loo saari jiray. Magaalooyinka, tuulooyinka, ceelasha laga cabbo, beelaha beeraleyda ah, meel kasta Negeeye iyo ciidankiisu waxay si lamafilaan ah ugu ka la bixin jireen weerar laga argaggaxo. Dadka waxaa loo qabqaban jiray si kasta oo suurtogal ah iyada oo la adeegsanayo qori afkii.

                                                                                                      Qof salaad ku jira, mid xoolo oomman wada, mid aroos ah, mid buka, mid reer dhan mas’uul ka ah, mid beer falaya, qof walba waa meesha laga helo iyo nasiibkii. Dad aan tiro lahayn ayaa hawlgallada noocaas ah ku naf waayi jiray, kuwo kale ayaa ku naafoobi jiray, qaar kalena waa ay ku caydhoobi jireen.

                                                                                                      Xagga ciidanka waxay ahayd shaqo aad u khatar badan. Waxay ahayd markii uu hubku shacbiga ku dhex faafay, sidaas darteed marar badan waxaa dhici jirtay dadka la doonayo in la qabqabtaa in ay diriraan. Negeeye isaga oo khatartaa ku jira ayuu haddana shaqadiisa jeclaystay, wuxuuna si gaar ah ugu farxay awooddiisa aan xadka lahayn ee uu goobta fulinta waxa uu doono samayn karo.

                                                                                                      Dhanka kale waxay ahayd si uu lacag badan ku urursaday, waayo dadka la qafaasho qaar badan oo ka mid ahi waxay isku furan jireen wax kasta oo ay markaa gacanta ku hayaan ama heli karaan. Sidaas oo kale magaalada iyo tuulada la gabagabeeyo, iyo xataa shakhsiyaadka la qabto, marar badan baa waxa ay haystaan boob calaacasha la marin jiray.

                                                                                                      Maalin aad u kulul ayuu Negeeye weerar qafaal ah Beledweyn ku qaaday. Meel suuq ah oo ragga la soo qabqabto baabuurta lagu gurayay tuban tahay isaga oo taagan ayuu arkay askari isbatoore lebbisan oo ku soo socda. Waa nin weyd ah oo ay busaarad darani ka muuqato. Canka waxaa uga buuran takhsiin qaad, laba farood dhexdoodna waxaa ugu laaban xabbad sigaar ah oo sii gamaaraysa. Wejigiisa guban iyo indhahiisa qaylinaya waxaa la moodaa dadqal.

                                                                                                      Degganaan la’aanta iyo kayr kayrka ka muuqda wuxuu u eg yahay qof dhagar qaba. Markii uu Negeeye soo gaadhay salaan ciidan ayuu siiyay dabadeed gacan qaaday.

                                                                                                      “Taliye, anigu waan ku garanayaa ee car i garo!” Negeeye ninka ma uu garan, isagii ayaana raaciyay: ”Dhegobacayr miyaadan garanayn? Sow innagii isku dhibbooga ahayn!”

                                                                                                      Xusuus aan si fiican u muuqan ayuu Negeeye maskaxda dirqi kaga soo tuujiyay. Haa, waa kii shaxaadka badnaa ee goor walba dadka sigaarka wayddiin jiray. Ninkaasi wuxuu ku cataabay in uu nasiib xun yahay oo weli isbatoore yahay, wax adduun ahna gacan ku hayn, oo xero magaalada u dhow ku qoran yahay. Hadaltiro noocaas ah oo aan Negeeye dan ka lahayn markii uu cabbaar dhuray ayuu orday oo dukaan u dhow laba dhalo oo kooke qabow ah ka la soo cararay, dabadeed baabuurkii ay hoos taagnaayeen shidhka u wada galeen.

                                                                                                      Markii la isu yar furfurmay waxa uu sheegay in uu nin ragga la qabtay ka mid ah oo baabuurka ku jira sii dayntiisa ugu yimid.

                                                                                                      “Belo qaaddayga waxaa dhalay oday lacag leh oo kollay hadhow soo daynaya ee imika inaga sii daa. Waxii uu bixin lahaana aynu innagu ka qaadno”, ayuu soo jeediyay.

                                                                                                      Awal wuu shakisanaa ee markii uu Negeeye taa ka yeelay wuu nefisay, wuxuuna soo jeediyay qorshe intaa ka sii mug weyn. Fikraddaasi waxay ahayd in uu Negeeye tirada ugu badan ragga magaalada ee u suurtogasha qafaalo, dabadeed isagu ehelkooda ka soo bislayn doono lacag madaxfurasho ah. In kasta oo uu Negeeye talada la yaabay haddana waa ay cajabisay. Sidii ayay yeeleen, dhawrkii cisho ee hawlgalkaasi socdayna Negeeye wuxuu helay lacag aad u badan, kii kalena la mid buu ahaa.

                                                                                                      Markaa ka dib Negeeye habkaas ayuu ku hawl geli jiray, meel walbana nin isbatoorihii Beledweyn oo kale ah ayuu ka samaystay. Waxayna taasi u noqotay il dhaqaale oo muhiim ah, waxa ay se keentay dadka khasabka lagu ciidameeyaa in ay noqdaan foqorada aan madaxfurasho iska bixin karin oo keliya.

                                                                                                      ***

                                                                                                      Magaalo waliba waxay lee dahay dhacdo taariikheed oo sida ilayska u ifta ama sida xabaasha u madow. Maalmahaa uu Beledweyn qafaalku ka socday, goor makhrib ah, koox barbaar ah oo si farxad leh walasaqo u tumanaysa, ayuu ciidankii qafaalku gabagabeeyay. Dadkii cayaarayay markii ay ka la firxadeen laga ma hadhin ee cagta ayaa cagta loo saaray. Laba ka mid ah dhabarka ayaa laga toogtay, mid webiga miciin biday yaxaas ayaa afka u dhigtay oo raq iyo ruux toonna la ma arag, intii kalena iyaga oo sagxadda baabuurta jiifa, qoortana lagaga taagan yahay, ayaa meeshii la doono loo dhoofiyay.

                                                                                                      Dhacdadaa xanuunka lihi reer beledweyn waxay wada xasuusisay mid lid ku ah oo ay ku faani jireen. Waxay ahayd tobanguuro yaab leh. Sannadkii 1972 Beledweyn waxaa timid koox saraakiil ah oo xulanaysay dhallinyaro loo qaato ka mid noqoshada Xoogga Dalka. Waxay ahayd intii ay waddaniyaddu weli caafimaadka qabtay difaaca dalkana loo beratami jiray. Mawjad barbaar ah ayaa ku soo qamaamay goobtii diiwaan gelinta, dabadeed buundo webiga dul marta ayay isku garbiyeen oo la jabtay, dhawr ka mid ah ayaana maydkooda webiga laga soo reebay. Iyaduba xanuun waa ay lahayd, haddana reer beledweyn waxay u noqotay tusaale waddaniyadeed iyo taariikh ay ku faanaan.

                                                                                                      Isla markii uu Mudug tegay ayuu Amran iyo carruurtii Baydhabo ka soo raray oo Gaalkacyo soo dejiyay. Amran waxay ku sii fogaatay shaqadii fooxisada, waxayna ku samaysay horumar weyn. Markii uu soo noqday wuxuu u yimid qofkii oo ay gurigeeda habeenka iyo maalintu isku mid yihiin, dad aan tiro iyo xaddi lahayn oo dumar u badanina is’hor iyo dabo marayaan. Waagii beryaba guriga waxaa ku furan quraarado cadar ah, waxaa ku duban bun, waxaa ku daadsan salool, waxaa ka shidan foox, waxaa ku qalan ceesaamo cadcad, waxaana digsiyo waaweyn ku karsan raashin. Iyadiiba ma aha. Had iyo jeer waxay xidhan tahay dhar wada cas, had iyo jeerna shucuurteedu waa ay kacsan tahay.

                                                                                                      Ilmuhu aad ayay u dhogor wanaagsan yihiin marka laga reebo ta ugu yar, Ubax, oo iyadu bukaan ah. Waxaa muuqata maqnaanta aabbahood in aanay tabin. Sidii qoys gabraar ah goor walba dufan ayaa kor iyo kal ka da’aya.

                                                                                                      Markii uu Gaalkacyo u soo wareejiyay Amran hawshii ayay halkii ka sii wadatay, macaamiil intii hore ka badan ayayba halkan ka heshay. Laba qol ayay degeen, mid baa labadooda ku magacaaban, ka kalena carruurta. Laakiin run ahaantii labadaba iyada ayaa ku shaqaysata.

                                                                                                      In kasta oo uu markii hore guul u arkayay sida weyn ee ay dakhliga qoyska u wanaajisay imika qunyar qunyar ayuu ugu daalay. Gurigaba gurigiisii ma mooddid, inta ay dadka kale u shaqaynayso ayaaba ka badan inta ay isaga danaynayso. Meel walba dufan, cadar iyo foox ayaa ka uraya. Inta badan Negeeye shaqada ayuuba ku maqan yahay inta yar ee uu guriga joogona ku ma nefiso, wuuba ku diiqadoodaa. Xaalku wuxuu gaadhay in uu albeerko ama xerada ciidanka isaga hoydo, amaba xaafado kale iskaga qayilo. Sidii berigii Damalweyn ayuu saqdadhexe Amran u soo dhuuntaa oo inta uu cabbaar sariirta ku gilgilo dib uga guureeya.

                                                                                                      Bishii koowaad ee uu Mudug yimid, ololaha dagaalkuna meesha ugu ba’an marayo, ayuu xiddigtii labaad qaatay, isla markaa dhaqaalihiisu si xawli leh kor ugu kacay. Sidaas awgeed baahi u ma uu qabin shilimmada uunsiga habruhu ka soo urayo ee Amran faraqyada ugu guntan. Wuxuu ka codsaday mar haddii uu isagu maanta noloshooda ku filan yahay waxa ay ku jirto in ay ka baxdo, oo carruurta iyo guriga u soo jeesato. Laakiin Amran hawsha uguma jirto oo keliya dan dhaqaale ee waxay noqotay dookheeda. Ma iyadaaba joogi karta haddii aan hareeraha qiiq kaga baxayn. Ma iyadaaba joogi karta haddii aanay jin iyo insi u garnaqayn oo waxa ay ka la qabaan u ka la qaadayn.

                                                                                                      Wuxuu ugu hanjebay in uu guriga uga tegi doono, laakiin shidanaaba shidan. Marar badan ayay isku qayliyeen, laakiin Amran meel ay ka soo noqoto ma joogto. Jimankii ay dadka ka cuudisay oo dhami iyada ayay hooy ka dhigteen. Waxa ay dadka ka daweynayso waxaaba ka badan inta ay iyadu isku dawaynayso. Kaliil waa siddeed jir, Idil waa lix jir, Ubax waa shan jir, haddana Amran uur ma leh. Sababta ay ilmo afraad u dhali wayday wuxuu ku maleeyay in ay tahay jimanka ay dhex gashay. Iyadana markii uu sidaas wax ugu sheegay qosol yar ayay jac ka siisay, dan kalena ka ma ay gelin.

                                                                                                      Negeeye qudhiisa ka maqnaanta badan ee guriga iyo dhaqaalaha u kordhay waxay u horseedeen balwad cusub oo ah khamri. Markii uu Mudug yimid wuxuu ka mid ahaa saraakiishii halkaa joogtay dhawr aan khamriga cabbin, waqtiga firaaqadana marka ay kuwa kale miiska fuushan yihiin isagu wuu qayili jiray, haddii kale askarta ayuu turub la cayaari jiray. Dabadeed mar dambe ayuu dareemay in aanay habboonayn isaga oo sarkaal ah in uu askarta dhex fadhiyo. Wuxuu dareemay sidii nin weyn oo kurayo ku dhex jira. Wuxuu kale oo dareemay khamri cabbid la’aantu in ay waayo’aragnimo badan ka qadiso. Ugu yaraan wuxuu istusay golayaasha ay saraakiishu isugu yimaaddaan in ay waayo’aragnimo badan oo shaqadan ku saabsani ku dhaafto.

                                                                                                      Fikraddaasi ma ay ahayn mid isaga ku kooban ee marar badan ayay saaxiibbadii sidaas wax ugu sheegeen. Dabadeed wuxuu u hormaday darka Gaalkacyo laga cabbo oo ahaa guri lagu magacaabo Seybeeriya, magacaas oo ay u la baxeen saraakiil lagu soo carbiyay gobolka Seybeeriya ee Midowga Soofiyati. Markaas ka dib Negeeye inta uu doono ayuu guriga Amran ka maqnaan jiray. Shaqada oo keliya ma aha ee xataa marka uu fasaxa yahay balwaddiisa qaadka iyo khamriga ah iyo haween kale ayuu kaga mashquulay.

                                                                                                      Negeeye bilawgii, intii uu dabokawelwelka qabay ee gaajada xasuusnaa, wuxuu ku dadaalay in uu lacagtaa waalan ee wareerisay wax ka qabsado. Wuxuu talo ku gaadhay in uu Xamar guri ka iibsado. Sababtaas ayuu isaga oo kiish lacag ah sita Xamar ugu fasax qaatay.

                                                                                                      Waxay ahayd markii koowaad, sidii uu dagaalka Itoobbiya uga soo noqday, ee ay reer abtigii reer Rooble isarkeen. Wuxuu la yaabay noloshii dhaqaale ee odayga oo aan haba yaraato ee wax horumar ah samayn. Waaba ay sii xumaatay. Isla gurigii kirada ahaa ayuu weli ku jiraa, sidii ayuuna fatuurad ah FIAT qoroqoro ah oo ay dawladdu lee dahay shaqada ugu aadaa. Sicirbararka cirka isku shareeray iyo mushaharadiisa ayaa sinaba isu dabooli waayay.

                                                                                                      Toddobaatanaadkii xaaladdiisa nololeed waa ay iska ladnayd, maanta se wuxuu ka mid noqday dabaqadda bulshada ugu liidata. Berigii hore wuu xarragoon jiray, imika se dhawr shay oo duug ah ayuu isku bedbeddelaa. Haddii aanu qurbaha asxaab ku lahaan lahayn wuu bakhtiyi lahaa.

                                                                                                      Qarad waa ay cuslaatay oo bukaan ayay noqotay, shaqadiina faraha ayay ka qaadday oo imika qolqolka ma dhaafto. Leyli maanta ma aha foodlaydii uu marka uu ku xanaaqo dhegta maroojin jiray, waxay noqotay qalanjo isku tumatay oo ay eegmadu ku nasanayso haddana ku waalanayso. Dugsigii u dhammaa oo waxay ku talo jirtaa in ay waxbarashada heer jaamacadeed sii wadato. Ha yeesho ee nolosha adkaatay ee qoyska ayay u adkaysan wayday, waxayna shaqo ka bilawday Caymiska Qaranka. Reerka ayay se weli la nooshahay. Raage isaga maalmahaas ayaa waxbarasho Ingiriiska loogu diray.

                                                                                                      Negeeye markii uu Xamar tegay wuxuu ku degay Huteel Jabbuuti, galabtii xigtay ayuuna reer Rooble booqasho ugu tegay, waqtigaas oo ay qoysku guriga wada joogeen. Markii ay iswaraysteen Negeeye wuxuu sheegay in uu Xamar u yimid in uu guri iibsado. Laba arrimood ayaana isku mar maskaxda Rooble ku soo wada dhacay: gurigan uu ku jiro oo kii lahaa cisho dhoweyd u sheegay in uu iibinayo, iyo isaga oo intaa shaqaynayay sida uu ugu guulaysan waayay in uu yeesho guri uu ku noolaado. Laakiin ma ay ahayn markii koowaad ee uu sidaas u fekeray.

                                                                                                      “Bal kan aannu ku jirro qudhiisa ka warran? Odayga lihi maalin dhexdaas ah wuxuu ii sheegay in uu iibinayo, una malayn maayo in uu weli iibiyay waayo wuu i la soo socodsiin lahaa”, ayuu Rooble Negeeye ugu xog warramay.

                                                                                                      Negeeye dib ayuu uga fekeray xaaladda guriga iyo bal in uu u dhigmo kii uu ku soo talogalay.

                                                                                                      “Wallaahi waa fikrad fiican. Oo tolow imisuu siinayaa? Ma cusba laakiin xaafad wanaagsan buu ku yaalle.”

                                                                                                      “Ii ma uu sheegin qiimaha, xaafad aan inaga durugsanayn ayuu se deggan yahay oo waa aynu wayddiin.”

                                                                                                      “Haddii uu iga iibiyo idinka ayaaba iska sii degganaan lahaaye.” “Degganaantayadu waxba ma aha ee bal horta adigu guri yeelo.” Fiidkii ayay Rooble iyo Negeeye booqasho ugu tageen odaygii guriga lahaa oo u sheegay in aanu weli iibin. Markii qiimaha cabbaar la isku jiidjiiday odaygii wuxuu oggolaaday in uu Negeeye guriga ka iibiyo, isaga oo, sida uu sheegay, aad u qaddarinaya Rooble oo sannadihii badnaa ee uu degganaa kirada si sharaf badan u bixin jiray isla markaasna daryeeli jiray.

                                                                                                      Maalintii xigtay Negeeye wuxuu raadiyay saaxiibkii Diiriye oo aanay laba sano isarag. Qaad ayay qaateen oo qolkii Diiriye la tageen. Markii ay gogol dhigteen qaadkiina furteen, ee ay falaas shaah ah, weel biyo ah, cajalado dhawr ah iyo rikoodh dhexda dhigteen, ayay si wanaagsan isu waraysteen.

                                                                                                      Diiriye saaxiibkii xiddig ayuu ku ogaa, maantana labada uu u la yimid iyo guriga uu iibsaday wuu rumaysan waayay. Wuxuu noqday labalafood, shaarubo weyn ayuu la baxay, waxaana ka muuqda haybad iyo kalsooni badan. Sinaba uguma ega agoonkii reer damalweyn.

                                                                                                      Isagu markii uu muddo shaqadii baabuurta ku jiray, oo xataa dareewalnimo gaadhay, ayuu si buuxda ugu wareegay shaqo kale oo uu ka helay Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee degmada Hawlwadaag. Laakiin bishii hore ayuu ka soo baxay xabsi uu sannad iyo dheeraad soo liqay.

                                                                                                      Negeeye in kasta oo aanay u suurtogelin saaxiibkii in uu xabsiga ku soo booqdo haddana intaa si buuxda ayuu u la socday. Maalintaas ayay se taa aad isaga waraysteen. Wuxuu sheegay in lagu eedeeyay musuqmaasuq, laakiin ay ahayd mu’aamarad ay ka dambeeyeen niman ay qabyaalad ku colloobeen oo meel ka la shaqayn jiray. Wuxuu ka cawday halgan uu muddo dheer soo waday in ay ka dhiciseeyeen, laakiin aanu ciil u qabin mar haddii qaar iyagii ka mid ahi maantaba xabsiga jiifaan, kuna eedaysan yihiin denbi kiisii ka sii xun oo ah mucaarad. Wuxuu sheegay in uu dhowaan bilaabi doono shaqo uu nin xigaal ah oo madax ahi u soo qalqaaliyay.

                                                                                                      “Markii aan xabsiga ka soo baxay aniga oo cid iyo ciirsi la ayaan odayga xasuustay iskuna sii daayay. Meel xun ayuu iga qaatay; waa maalinta tolka loo aayo.”

                                                                                                      “Madaxweynaha ayaa tol ka maarmi waayay. Waad og tahay tolkeen in aanu aniga abaal badan igu lahayn, sidaas oo ay tahay hiil iyo hoo ka ma hagrado. Maanta haddii ay tii Alle igu timaaddo cidda uu Kaliil u irkanayaa waa iyaga”, ayuu Negeeye ku raacay.

                                                                                                      “Haa, waa iyaga cidda uu u irkanayaa.” “Waan ka xumahay waqtigaa xabsiga kaaga lumay iyo dhabarjebinta ay doofaarradaasi kugu dhufteen.”

                                                                                                      “Waxba ma aha, jab ka daran baa la soo maray, rag iyo rafaad waa mataano. Iyagana waad arki iyaga oo kabaha ii masaxaya.”

                                                                                                      “Waad taqaan sow ma aha?” “Sidee baad u hadlaysaa! Maxaan u aqoon waayay.” “Ma nin reer Jilbaweyni ah ayaad aqoon waayaysaa.” “Cagaweyne dheh. Waa Cagaweyne cadawgood laagu.” “Oo miyaad ka la jeceshahay.” “Haba ka yaabin, waa dameer iyo labadiisa daan. Waad maqashay waxa aynnu miyi ugu geysannay? Bakhtigooda ayaa laga tallaabsaday.”

                                                                                                      “Waan maqlay, gunta guntu dhashay. Ilaahay waxaan ugu nidar galay miyi iyo magaalo toonna haddii ay nabad ku hoydaan”, ayuu yidhi Negeeye isaga oo dirayskii oo kursi ka soo horjeeda saaran labada xiddigood ku ilwaadsanaya. Waa laba xiddigood oo dhuxul ka kulul xijirna ka cas, laba xiniinyood ugama dhacaan.

                                                                                                      “Odayga shaqada ii soo dhammeeyay shan iyaga ah ayuu maalin dhoweyd shaqada debedda uga tuuray, markaas ayay sida agoonta albaabka istubeen oo baryootan ku waasheen. Oo miyuu u naxayaa?” “Muxuu ugu naxayaa yayda yaydu dhashay, ma iyaga ayaa u nixi lahaa?”

                                                                                                      Si wanaagsan ayay sheekadu isugu baxaysaa. Aad ayay ugu faraxsan yihiin in ay isla fahmayaan carruurnimadii, qabyaaladda iyo siyaasadda, arrimahaas oo aan dadka laba waliba isla fahmi karin. Waxay si isku aragti ah u falanqeeyeen siyaasadda dalka iyo doorka uu qabiilkoodu ku lee yahay ama aanu ku lahayn. Waxay isu tilmaameen shakhsi kasta oo ay isku qabiil yihiin oo maamulka ku jiraa waxa uu galo iyo waxa uu gudo.

                                                                                                      Intii aanay mawjaddii u horreysay iswaraysiga ka gudbin ayay durba garaabadu dhexdooda qarisay. Qolku aad ayuu u kulul yahay, in kasta oo ay feedho qaawan yihiin dhidid baa ka qubanaya. Daaqadda keliya ee qolka oo xaafad qaylo badan ku sii jeedda markii ay fureen waa ay ku wareereen. Dhawr jeer ayuu Diiriye inta uu daaqadda qoorta ka riday dumar iyo carruur canaantay waxba se isma beddelin. Heeso qaraami ah ayaa u baxayay oo ay awal rabeen in ay sheekadooda aan xalaasha ahayn ku qariyaan, imika se buuqa debedda ayaa taa kaga filan.

                                                                                                      “Saaxiibkaa Geeddi Baabbow iiga warran?” Negeeye ayaa wayddiiyay.

                                                                                                      “Waxaa igu maqaalo ah in uu dhintay.” “Oo Alle ku dhaafi?” “Alle i dhaafi.” “Maxaa dilay?” “Kollay xashiishad iyo khamri. Maydkiisa ayaa Ceelgaab laga helay.”

                                                                                                      “Haddaa Xamar adiga ayaa ka atoore ah.” “Sida aad Mudug atoore uga tahay. Waan kugu ammaanayaa horumarka aad samaysay.”

                                                                                                      “Dadaal ayaa ina faran. Qudhaada waa lagu dhabarjabiyay, waan se hubaa cid kasta oo ku neceb in aad habaaska cabsiinaysid. Haddii kale adiga ayaa lagu cabsiinayaa.”

                                                                                                      “Waa sidaas, habaaska ayaa la iscabsiinayaa. Dunidu se sidan ahaan mayso ee inta ay waalan tahay wax ka qabso”, ayuu Diiriye saaxiibkii ku la taliyay.

                                                                                                      “Taladaa qudheeda ayaan adigana ku siinayaa.” Waxay isla soo qaadeen marka ay maanta sheekada ka dhergaan berri in ay tumasho tagaan. Diiriye in kasta oo uu dhowaan xabsi ka soo baxay mar haddii uu magaalada deggan yahay isaga ayay tahay in uu hawsha maamulo. Laakiin Negeeye saaxiibkii wuxuu u arkaa nin dumarka kuwa ugu liita bartay, wuxuuna ka baqayaa in uu meel saf loogu jiro oo daqiiqado la isu qabanayo geeyo, sidii berigii Xamar isugu horreysay.

                                                                                                      “Diiriye, billaad sidaadii Buur Karoole iyo meel daran na fuushisaa?”

                                                                                                      Diiriye wuu qoslay dabadeed ku kaftamay: “Marba sida aad u jabtid ayaa loo dhutiyaa ee markii aad liidatay meeshii aad ku soo nabad iyo caano maashay waxba ha caayin. Maanta se mar haddii aad lacag inoo haysid guri gobeed ayaa la inoo goglayaa.”

                                                                                                      Negeeye markii uu Mudug iyo shaqdiisa ku soo noqday wuxuu dareemayay islaweyni badan, wuxuu isu arkay nin ku guulaystay horumar uu dad badan ku dhaafay. Saaxiibkii Diiriye iyo abtigii Rooble, oo labaduba magaalo iyo shaqo uga horreeyay, ayuu isku dhereriyay, wuuna isu bogay. Dabadeed niyad cusub ayuu shaqadiisa ku bilaabay.

                                                                                                      Xagga guriga in uu ka dhutinayo ayuu istusay. Qoys adag iyo carruur badan in uu dhiso ayuu weligii ku talo jiray, taana Amran marar badan ayuu si dhab ah ugu sheegay, ha yeesho ee iyadu qoys adag iyo carruur badan toonna dan ka ma leh oo waa qof ay quruumo qaateen.

                                                                                                      Xidhiidhka isaga iyo Amran ka dhexeeyaa wuu ka duwan yahay ka nin iyo naag soomaaliyeed oo isqaba ka dhexeeya, isaguna taa wuu qirsan yahay. Weligii wax ay diiddan tahay ku ma uu khasbin, maamulka iyo talada reerkana inta badan iyada ayaaba leh. Laakiin wuu og yahay taa sababteedu in aanay ahayn jacayl badan oo uu u qabo oo ugu nugul yahay, ama debecsanaan iyo dabeecad wanaag uu naag walba ku la dhaqmi lahaa. Isla markaa wuu og yahay in aanu ahayn nin jilicsan oo ay naagi hoggaanka u hayso. Berigii Damalweyn ee uu ahaa kuray ay gacanta ku hayso, iyo xataa markii ay qarsoodiga isugu bislaadeen, waxaa jiray laba arrimood oo uu had iyo jeer ku dadaali jiray in uu isu dheellitiro. Midi waa baahidii uu u qabay xannaano hooyo iyo qof ka weyn oo dusha ka ilaalisa, taas oo uu Amran ku qabay. Ta kalena waa naagnimadii uu isaga oo sidaas u yar isla iyada ka helay. Berigaa fog ilaa maanta ka ma uu xoroobin isu dheellitirka labadaa arrimood, ku mana guulaysan in uu u la dhaqmo sida uu run ahaantii jeclaan lahaa in uu naagtiisa u la dhaqmo, oo ay ugu yar tahay in uu sida uu doono u maamulo.

                                                                                                      Qudheeda isu dheellitirka labadaa arrimood dareenkeeda ka ma maqna. Negeeye sow ma aha waxii xumaa ee ay isaga oo aan dad iyo dugaag toonna ahayn gosha gelin jirtay? Sow ma aha kii ay isaga oo hooyo ka dhigta sida nin loo noqdo bartay? Marka ay rag kale godolkeeda maalaan sow ma aha kii ay xigta u lisi jirtay? Sow ma aha kii habeenkii ugu horreeyay qaylada ku dhuftay ee ay naaska ku aamusiisay, ee laabta kaga dhareeriyay? Markaa miyuu maanta xaq u lee yahay in uu ku caasiyoobo oo doonisteeda tiisa ka sare mariyo? Taasi waxay ugu dhoweyd maalintii ay iyada oo kab lulaysa kabna laallaadinaysa oo ilmo sidata Baydhabo ugu timid. Berigaa haddii uu waraabe u tuuri waayay maanta waraabe iyo dawaco toonna u ma tuuri karo. Haddii aanay isaga u tuurin ayuuba nasiib lee yahay.

                                                                                                      Maalintii uu Xamar ka soo noqday Amran iyo ubadkii ayuu toos u abbaaray. Maanta ayay ugu darrayd, wuxuu u soo galay iyadii iyo haween kale oo qaad hareeraha ka fadhiya qiiqa sigaarkuna ka la qariyay. Waa ay u soo kacday, qolkii carruurta ayayna wada galeen oo laba sariirood oo iska soo hor jeeda iyaga oo ku ka la fadhiya wada hadleen.

                                                                                                      “Negeeye, anigu qaad ma cuno sigaarna ma cabbo ee quruumaha ayaa jecel oo aan uga maarmi waayay.”

                                                                                                      “Naa miyaad falan tahay? Waa maxay horta quruumaha aad sheegtid ee sidii ay kuu wadeen maanta qaad iyo sigaar afka kuugu guray?”

                                                                                                      “Adduun waxba ka ma ogid ee nin yahow iga aamus. Malaha waxa dunida nacab iyo nasteex ku uuman waxaad moodaysaa inta yar ee ay indhahaagu arkaan? Oo maxay indhahaagu arkaan ama arki karaan? Aadamiyow abaaldarane! Alloow maxaan waa beryay iyo gabbal dhacay naftaada qaaba qawsayn ka soo saaray! Haddii aad og tahay inta jeer ee aan wad kugu soo abbaaran iyo xabbad kugu soo xiimaysa ku hareer mariyay sidaas u ma aad hadasheen.”

                                                                                                      “Naa aniga wad iyo xabbad toonna i ma aad hareer marin ee maanta ka dib waxan yaanan kugu arkin.”

                                                                                                      “War adiguba qaad, sigaar iyo wax ka daranba waad cuntaa oo cabtaa ee cirka soo guji,” ayay u celisay.

                                                                                                      Hadalkaasi markii uu afkeeda ka soo dhammaanayay Amran inta ay sidii ay sun cabtay indho caddaysay ayay sariirtii ay ku fadhiday jijircadka ugu dhacday. Dhidid inta ay durba wada qoyday ayay sidii qof maanta oo dhan soo ordaysay neefneefsi xoog leh bilawday. Calaacalaha ayay isku mar laabta ku wada dhufanaysaa haddana bawdyaha waaweyn ee sariirta ka soo raaraca. Cod dheer ayay ku calaacalaysaa ha yeesho ee ooyi mayso. Maya, hadalku iyada ma aha ee waa cid kale, cid iyada ku dhex jirta! Waxaa laga dhex lee yahay:

                                                                                                      “Negeeye, na daa oo naga tag! Badahayaga ka ma dabbaalan kartid ee ha gelin! Annaga iyo Amran naga dhex bax! Waxa ay noo qabato noo ma qaban kartid ee ha nagu guban! Waanu ku nabad gelinnaa ee na nabad geli!”

                                                                                                      Marka ay sidaa lee dahay sariirta ayay mar kale ku soo fadhidaa oo indho cadcad Negeeye toos ugu eegaysaa. Waa iyadii haddana ma aha. Yaabku waxa ka dhex hadlaya oo keliya ma aha ee xataa shucuurta wejigeedu waa qof qalaad oo Negeeye ku cusub.

                                                                                                      Dumarkii ay qolka kale kaga soo kacday markii ay qaylada macallimaddooda maqleen gurmad degdeg ah ayay u soo galeen.

                                                                                                      “Naa wadaadda cadarkeedii u la soo orda…” “Jaawina u soo shida…” “Garbasaartii guduudnaydna u keena…” “Iyo kuushii iyaduna guduudnayd…” “Negeeye, adigu naga bax…” “Haa, waad aragtaa wadaadda in lagu soo kordhay ee naga tag…” Negeeye isaga oo yaabban, dhan kale argaggaxsan, dhan kalena xanaaqsan ayuu iska tegay. Maalintii xigtay ayuu iyada oo caadi ah, sidiina qaad iyo qiiq ugu dhex jirta, ku soo noqday.

                                                                                                      “Amran, sidan ku ma wada joogi karno.” “Haddii aynaan ku wada joogi karin yaa ku haysta?” “In aynu iska ka la tagno ayaa i la habboon?” “Wallaahi adiga ayay ku jirtaa.” “Waad iga furan tahay!” “Samadu furan ee saddexdaba halkaa ii dhig!”

                                                                                                      “Saddex baad igaga furan tahay!” “Abshir! Abshir! Samaduna furan!” Maalintaas ka dib Negeeye marmar ayuu carruurta soo booqan jiray, iyaduna “abshir” iyo “samadu furan” ayay kaga dhabaysay oo gurigii waxay ka dhigtay meel samada u furan oo ay khalqiga muuqda iyo kuwa aan muuqani ku kulmaan.

                                                                                                      4

                                                                                                      Raage markii uu shan iyo toban jirsaday waxaa ku dhacay isbeddel kaga yaabiyay. Wejigii sidii gabadh yar oo dhaashatay nadiifta ahaan jiray waxaa ku daatay finan, meelo jidhka ka mid ah waxaa ka soo baxay timo, codku wuu cuslaaday, muruqyadu waa ay adkaadeen. Intaa waxaa u dheer marka uu kubbadda ka yimaaddo shurufka aan laga garan orgi naq u da’ay. Waagii beryaba koritaan hor leh iyo xaalad cusub ayuu la soo toosay, wuxuuna yeeshay dhererkii iyo muuqii Xirsi-Micilibaax.

                                                                                                      Marka uu galabtii kubbadda ka yimaaddo ee qubaysto, haddii aanay jimce ahayn awal wuxuu u fadhiisan jiray akhris, laakiin wuxuu bilaabay in uu dib u cararo. Inta uu guriga joogo ma nefiso ee waxaa ku dhaca hiyikac iyo hilaw, inta uu wax akhriyayana ma deggana ee waxaa ku furan feker kale. Dugsiga qudhiisa inta uu xisadda ku jiro macallinku waxa uu sheegayaa inta badan waxay dhaafaan isaga oo wax kale ka fekeraya. Waxaa xiise aad u badan u yeeshay haweenka, wuxuu isarkay isaga oo mid walba ku talogal la’aan u sii eegaya, xubin kasta oo uu jidhkooda ka arkaana waxay ku noqotay dhimbiil wadnaha kaga dhegtay. Dumar ka waaweyn, oo qaarkood qudhiisa macallimiin u yihiin, ayuu ku fekeraa isaga oo dharka kor uga laabaya inna hoos uga jiidaya dabadeed wax Alle og yahay la samaynaya. Isbeddelkaa filanwaaga ahi wuxuu ku abuuray farxad iyo xanuun mataano ah oo uu ka la saari kari waayay.

                                                                                                      Wuu illaawi kari la yahay habeen ay kurayo khayr darani geeyeen aqal Waaberi ku yaallay naag dhali karaysay oo uu lacag siiyay. Wuu illaawi la yahay qol ay wada galeen sidii ay hoosta uga xidhatay iyo jidhkii weynaa ee ay qaawisay. Wuu illaawi la yahay sidii ay isaga oo weli taagan hortiisa sariir isugu legedday iyo sidii ay dabadeed wax u dhaceen.

                                                                                                      Gabadh ay isku dugsi yihiin isagana fasal ka hoosaysa, oo uu macallinka xaafadda malcaamadda u hayaa dhalay, ayuu fiidadka qaarkood jardiino mugdi ah ku leexiyaa. Halkaas ayuu sidii bukaansocod dhakhtar u yimid ugu dan sheegtaa, mar kale sidii faqiir ilmo gaajaysani ka seexan waayeen u baryaa, mar kalena meelaha ay u nugushahay ka salaaxaa. Dabadeed marka ay ka la daadato ayuu wax aan gabadh macallin Qur’aan dhalay loo quudhin ku la kacaa.

                                                                                                      In muddo ah markii sidaas la ahaa, oo baashaal baqdin leh la isku qabay, ayay kurayo khayrdarani arrinta wadwadeen ilaa la wada ogaaday. Dabadeed yartii ul ayay waalidkeed ka la daaleen dugsigiina ka joojiyeen. Raage guuldarrada miskiinadda ku dhacday in uu isagu u sabab yahay ayuu dareemay. Waxaa kaga sii daran sida uu macallinka Qur’aanka wejiga u siin kari la yahay, taas oo ku khasabtay in uu malcaamadda ka tago. Intaaba waxaa kaga sii daran cabsida uu ka qabo in ay inkaarta wadaadku ku dhacdo. Isaga oo sidaas u baqaya ayay mar duumo ba’ani dhulka u tuurtay, wuxuuna mooday inkaartii uu filayay.

                                                                                                      Waxaa iyo wax la mid ah, oo isugu jira in uu ficil ahaan u sameeyay iyo in uu ku fekeray ama ku riyooday, dhammaan wuxuu ku qabaa welwel iyo baqdin joogto ah, isaga oo ka la garan la in ay xaaraan iyo xumaan wada yihiin iyo in kale. Kollay wuu hubaa naagtii baas ee reer waaberi iyo yartii macallinku dhalay haddii aanu ka toobad keenin in lagu cadaabayo.

                                                                                                      Isaga oo sidaas denbi u dareemaya ayuu maalin masjidka tegay. Markii uu saaladda makhrib jamaca la tukaday wuxuu la fadhiistay oo dhegeystay kitaab uu sheekh caan ahi marinayay dad tiro badanina ku taxnaayeen. Wacdi uu meelahaas ka maqlo mooyee waa markii koowaad ee uu barashada diinta u jilib dhigay. Maalmo ka dib maskaxdiisa oo dhan waxaa mashquuliyay aakhiro, cadaabta iyo jannada. Wuxuu aad ugu farxay una hiloobay naxariista Eebbe iyo liibaanta jannada, isla markaas wuxuu ka argaggaxay ciqaabta daran ee taa dhinac taal, dabadeed cabsi badan ayaa gashay. Waxyaalaha uu Eebbe dadka ku cadaabaa waa isla waxyaalaha uu qudhiisani maalin walba sameeyo sida waxii uu la sameeyay Ina Macallin, iyo xataa gabadh aadan qabin daawashadeeda.

                                                                                                      Masjidka wuxuu ku bartay barbaar xer ah kuwaas oo ay noloshooda oo dhami ku wareegayso diinta iyo barashadeeda, habeen iyo maalinna masjidka yuurura. Inta uu la joogo ka ma maqlo wax aan ahayn diinta, waxayna joogto uga wada hadlaan waxa qofka u bannaan iyo waxa ka reebban, siirada iyo mucjisooyinkii Nebiga, jannada iyo cadaabta, iyo asxaabtii. In kasta oo aanay lahayn cilmi diinta ka baxsan, oo aanay sidoodaba dugsiyo dhigan, haddana wax kasta oo dunida ka dhaca waxaa ay ka bixiyaan fasiraad ay hubaan. Haddii uu cudur dillaaco ama ay abaari dhacdo, haddii uu daad fatahmo ama ay duufaani kacdo, haddii uu dhulgariir dal ku dhufto ama ay fulkaani qaraxdo, inta aan khabiirka taa ku takhasusay jawaab haleelin ayay iyagu ku sheegaan ciqaab Rabbi, ciddii wax kale ku fasirtana waxaa ay ku tilmaamaan jaahil xaqa laga daboolay. Waxay isku raacsan yihiin musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga ahayn ee dunida ku soo batay in ay muujinayso qiyaamihii oo soo dhowaaday. Markaas ayay sii baqaan oo kitaabbada ku sii dhegaan masjidkana ku sii raagaan.

                                                                                                      Xertaasi mar haddii ay jacaylka Ilaahay u ban baxeen Raage wuxuu u arkay dad suubban, sidaas darteed, in kasta oo aanu ka mid noqon, wuxuu la yeeshay xidhiidh dhow. Aad ayuu ugu qaddariyay sida ay xujooyinka adadag ee nolosha jawaabo waafi ah ugu hayaan. Taas waxaa uu kaga raystay Rooble oo dunida ku eega indho shaki iyo wiswis ah. Waqti gaaban ayuu wayddiimo badan u helay jawaabo siiyay degganaan nafsadeed. Laakiin ma ay ahayn marxalad cimri dheer oo wax waliba dib ayay isu cuneen.

                                                                                                      Waxaa ay ka bilaabatay galab galbaha ka mid ah, goor salaadda casar iyo ta makhrib u dhexaysa, isaga oo koox xerta ka mid ah masjidka hortiisa la fadhiya, ayaa waxaa soo hor maray oday da ah oo bakoorad ku tukubaya.

                                                                                                      “Gaalkii maantana waa kan”, ayuu yidhi mid xerta ka mid ahaa. “Shalayna waxaan arkay isaga oo kiniisadda sii gelaya. Maalin keliya ka ma baaqdo”, ayuu mid kale yidhi.

                                                                                                      “Bal muu iska muslimo?” “Awal muxuu u gaaloobay?” “Malaha waaba uu ku dhashay?” “Xataa haddii uu ku dhashay imikaba xaqa wuu arkaa ee muu raaco?”

                                                                                                      “Malaha wuuba isla qumman yahay?” “Isla ma qummana ee waa ka kibir iyo isyeelyeel.” “Wallee maantana waan la hadlayaa.” “Hanuunka Ilaah baa haya ee kan ha isku daalin.” “Wallee waan la hadli, ha hanuuno ama yuu hanuunin.” Isla markaas ayuu kii hadalka bilaabay odaygii oo sii dhaafaya ka daba kacay, kuwii kale oo Raage ku jiraana waa ay raaceen. Markiiba wacdi ayuu odaygii u bilaabay, odaygu se xerta hore ayuu ugu daalay, sidaas darteed isaga oo aan socodka joojin ayuu hadalka ka boobay oo ku waaniyay:

                                                                                                      “Waa ay fiican tahay in aad diinta barataan, laakiin ma aha in aad noloshiinna dayacdaan. Dhallinyaro ayaad tihiin ee waa in aad fadhiga ka kacdaan oo shaqaysataan. Haddii aad meel uun yuururtaan yaa wax idin siinaya?”

                                                                                                      “Ilaahay baa wax na siinaya, laakiin adigu…” “Aniguba waan rumaysan ahay in uu Eebbe dadka risiqo, laakiin ficil iyo dadaal baa loo baahan yahay.”

                                                                                                      “Waxaan rabaa in aan kaala hadlo…” “Haddii aynu afrikaan nahay waxaa dib inoo dhigtay caajisnimo ee meesha ka kaca.”

                                                                                                      Marka uu xerowgu hadal damcaba wuu ka boobay oo waano waayeel u quruuruxiyay, intaasna socodka ayuu sii wadaa si uu nimankan weerarka ah uga dhex baxo. Taana wuu ku guulaystay oo xertii waxay isarkeen isaga oo aqalkiisii ku la sii dhow. Maalintaana iyaga oo habaaraya oo ku sheegaya cadow naarta ku waari doona ayay quus ka la noqdeen.

                                                                                                      Odaygu wuxuu ku hadlayay af soomaali ganna ganna ah. Intii hore oo dhan Raage ma uu fahamsanayn sababta gaal loogu sheegay, dib ayuu se ka ogaaday in uu yahay amxaar kiristaan ah oo ka soo jeeda xigtadii Xayle Salaase dalkana magan ku jooga. Amxaarku Raage mar wuxuu ugu muuqday aabbe hagaagsan oo wiilashiisa horumar la jecel, mar kalena wuxuu ka xumaaday in uu yahay “cadow naarta ku waari doona”. In uu maalin walba kiniisad tago sida loogu yasayo wuxuu dhinac dhigay odayda da’daas ah ee maalin walba masjidka taga sida loo sharfo. Fikrado badan ayay arrintaasi ku dhalisay, waxaana ugu adkayd in uu ku qanco amxaarka in ay ka tahay “kibir iyo isyeelyeel”. Muxuu galabsaday haddii uu diin uu ku dhashay daacad u yahay? Haddii uu muslimo sow naftiisa iyo dadkiisaba u la ma mid noqdeen oday muslin ah oo kiristaanoobay?

                                                                                                      Maalin ayuu sheekha dadka kutubta u mariya wayddiiyay: “Sheekh, Ilaahay dadka miyuu jecel yahay mise wuu neceb yahay?”

                                                                                                      Wayddiintu wadaadka waxay gelisay dhiillo, waayo ma ay ahayn wax uu maqli jiray.

                                                                                                      “Ilaahay dadka wanaagsan wuu jecel yahay kuwa xunna wuu neceb yahay”, ayuu ugu jawaabay.

                                                                                                      “Laakiin maxay dadka qaar u wanaagsan yihiin qaarna u xun yihiin?” ayuu yarku sii wayddiiyay.

                                                                                                      “Kuwa wanaagsani waxay sameeyaan wanaag, kuwa xumina xumaan.”

                                                                                                      “Oo maxay qaar wanaag u sameeyaan qaarna xumaan?” “Sababta oo ah qaar waa ay wanaagsan yihiin qaarna waa ay xun yihiin.”

                                                                                                      Intaasi yarka waxba ma ay tarin ee waxay u la egayd halxidhaale. Isla wayddiintii hore ee ahayd: maxay dadka qaar u xun yihiin qaarna u wanaagsan yihiin ayaa isku soo rogtay. Wuxuu damcay in uu wayddiiyo sababta uu Ilaahay amxaarka gaal xun uga dhigay isagana muslin fiican, laakiin ku la ma dhiirran, wuu iska aamusay. Wadaadkii oo arkay in yarka jahowareer ku dhacay ayaa u naxariistay oo ku yidhi:

                                                                                                      Rufical-qalam wajafat as-suxuf – qalinkii waa la qaaday warqadihiina waa ay engegeen. Qof walba qaddarkiisu qoorta ayuu ugu jiraa. Wayddiinta badanna waa lagu halaagmaa ee iska daa.”

                                                                                                      Qofka aqoontu waxaa ay u jirtaa inta ay wax iswayddiintu u jirto, ayaa ahayd talo uu marar badan helay. Sidee ayay markaa u noqon kartaa wax lagu halligmo? Wadaadku xaggee ayuu wax ka eegayaa? Taas ayuu Rooble wayddiiyay markii uu jawaabta wadaadka ku qanci waayay. “Waxaa jira wayddiimo aanay dadku jawaabo waafi ah u hayn ee bal adiguna iswayddii”, ayuu Rooble naf uga dhigay. Markii uu qisadii amxaarka iyo xerta u sheegayna wuxuu yidhi: “Isku dhan ayaa wax loo wadaa, in la isla yaabana ma aha.”

                                                                                                      Xaaladdaasi naftiisa iyo fekerkiisa yar oo dhan waxaa ay ku ridday fawdo, waxa ay se u sababi doontaa akhris jacayl iyo wax iswayddiin badan. Waqti ka dib wuxuu ogaan doonaa mas’alada qaddarku in ay tahay qodobka ugu xasaasisan falsafadda islaamka iyo labada diimood ee kale ee samada ka soo degay. Wuxuu ogaan doonaa doodda qaddarku in ay ahayd tii ugu ba’nayd ee filosoofiyiinta muslinka ka la qaybisay. Wuxuu kale oo ogaan doonaa markii murankeedu batay, jawaab lagu wada qancana loo waayay, in laga wada gaabsaday. Ugu dambayn wuxuu ogaan doonaa in ay tahay mas’alo ay wadaaddadu cuqdad ka qabaan aadna u neceb yihiin in la wayddiiyo.

                                                                                                      Isbeddelka feker iyo dhaqan ee Raage ku dhacay adeerkii ma mooga. In kasta oo uu fahmo badan yahay, duruustana ka adag yahay, haddana in aanu sidii hore u dadaalin wuu og yahay. Inta uu guriga joogo waxaa ka badan inta uu debedda ku maqan yahay ee koox filkiis ah meelahaa la wareegayo. Caado ahaan sagaalka haddii la gaadho qoysku guriga ayay wada joogi jireen, tobankana qof waliba sariirta ayuu tegi jiray, laakiin beryahan Raage marka uu doono saqdhexe ayuu albaabka soo garaacaa. Markii uu Rooble taas uga digayna Leyla ayuu iska laaluushaa oo daaqadda ku soo garaacaa. Xeeladdaa qudheeda odaygu wuu la socdaa.

                                                                                                      In kasta oo aanu weli ku arag haddana Rooble wuxuu Raage uga shakiyay in uu sigaarka cabbo. Maalin isaga oo aan ogayn waxaa ka dhacday xabbad sigaar ah, Qarad ayaana aragtay oo Rooble u gudbisay. Habeenkii xigay odayga oo fadhiga ku sugaya ayuu Raage saqdhexe yimid.

                                                                                                      “Halkan soo fadhiiso. Bal saacadda aad xidhan tahay fiiri.” Raage saacadda ayuu eegay ma uu se hadlin. ”Ma sidaas ayaad arday ku tahay? Xaggee baad waqtigan ka timid?”

                                                                                                      “Jardiinada ayaanu ku sheekaysanaynay.” “Oo jardiinada maxaa idin dhigay? Haddii aad waqtigaa jardiino ku soo gaadheen idinka iyo debedyaalku maxaad ku ka la duwan tihiin?” Ma uu jawaabin ee findoob ayuu iska tuujiyay. “Sigaarka waad cabtaa, sow ma aha?… In aad been ii sheegtana ha isku dayin?” Aamus kale ayuu miciinsaday. “Cab ama ha cabbin, waxaad se xumaantiisa arki maalinta aad cudur mooyee wax kale ka waydid.”

                                                                                                      Raage sigaarka marmar ayuu cabbaa. Qaar asxaabtiisa ka mid ah ayaa dhawr jeer ku ag shitay oo korkiisa isaga dhiibdhiibay, markii ay marba dhan u dhaafiyeen wuxuu dareemay in uu ka liito, si uu ugu dherersado ayuuna xabbaddii ugu horreysay shitay.

                                                                                                      “Geelii aabbahaa ee aad sidii qurbac xun daba socon jirtay waxaan kaaga soo reebay in aad hesho nolol kuu dhaanta, mana heli kartid haddii aadan wax u baran, waxna u ma baran kartid inta aad saqdhexe jardiino sigaar la fadhidid. Ka la dooro laba waddo: in aad geelii ku noqotid iyo in aad wax baratid.”

                                                                                                      “Wax baan baranayaa.” “Haddaba akhriskii badnaa soo celi, gurigana ma oggoli in aad waqti aan habboonayn ka maqnaatid. Haddii ay balwad noqotana, marka aad lacag tacbatid waxa aad doontid ka yeel, laakiin tayda iyo mid cid kale toonna xaq u ma lihid in aad gubtid.”

                                                                                                      “Waa yahay.” “Asxaabtaada gurigooda u raac ama iyagu ha kuu soo raaceen, caawa ka dibna yaanan kaa maqlin ‘waxaanu fadhinay jardiinada’.”

                                                                                                      “Waa yahay.” In kasta oo markii uu shan iyo toban jirsaday ay marxaladda cimri iyo xaaladda nololeed ee uu galay ay xiise iyo xanuunba badnaayeen, haddana qunyar qunyar ayay fulkaantii ku dillaacday uga degtay ama isagu u la qabsaday. Waxbarashada ayuuna mar kale awoodda ugu badan saaray.

                                                                                                      Leyla qudheeda beryahaas waxaa ku kacday fulkaano ta Raage la mid ah. Dhererka iyo madowga badan qoyska ayay ka hiddaystay, naaso hodan ah iyo sino waaweyn ayay yeelatay, iyo ammuuro kale. Isbeddelka jidhka waxaa kaga daran ka nafteeda gilgilay. Raggii aanay dad iyo duunyo u ka la aqoon waxay bilawday kii ay aragtaba in ay kor iyo hoos, muuq iyo maan, mitiriso. Nolosheeda waxaa ugu xiise badan la joogista wiilasha, siiba kuwa iyada ka waaweyn, iyo sidaas oo kale in ay gabdhaha da’deeda ah ka la sheekaysato hebel iyo hebel ay isla yaqaannaan. Qolkeedii maalintaa ka dib qol carruureed ma uu ahayn. Waxyaalaha la isku qurxiyo oo labaatan jaad ah ayaa u yaal, marka ay baxaysana saacad dhan ayay muraayadda hor fadhidaa. Derbiyada waxaa ugu dhegsan arbayaal ay ku baratay kuna jeclaatay filimada hindiga. Habeen walba waxay ku riyootay doob muruqyo weyn oo laabta ku qaatay oo samada u la duulay.

                                                                                                      Rooble iyo Qarad inta ay Raage ka welwelaan in ka badan ayay Leyla ka welwelaan. Sababtaas ayay ugu sheegeen in ay wiilasha ay la sheekaysato guriga keento ama kooda u raacdo. Sidaas ayay iyaduna yeeshay. Taasi qoyska iyo deriska aan awalba isu laab fayoobayn ayay dab ka sii dhex hurisay, waxaana loo arkay reer ba’ay oo hoogay. Maalintaa ka hor la ma arag gabadh waalidkeed hortooda wiilal sheyddaan ku la qooqda. Laakiin Rooble sidii caadada u ahayd waxaas oo xan iyo hadalxumo ah wuu iska dhego maray.

                                                                                                      Raage isagu wuxuu waagii beryaba waddada dugsiga sii hayo, habeen iyo dharaar akhris ku foororo, oo uu sida sallaanka sannadba sannad uga tallaabsado, ugu dambayn shahaadadii dugsiga sare gacanta ayuu ku dhigay. Dhab ahaantii aqoonta uu muddadaas urursaday ee shakhsiyaddiisii reer miyiga ahayd xididdada u bixisay may ahayn ta iskuulka oo keliya, ee waxaa dheeraa jacayl uu u qabay in uu wax walba akhriyo, taas oo ahayd dabeecad uu malaha ka qaaday Rooble oo uu qaddarin xad dhaaf ah u hayay.

                                                                                                      Akhris jacaylku waa sifada ugu wanaagsan ee uu Rooble la jeclaan lahaa qof uu gacanta ku hayo, taa awgeed dabeecadda Raage waxay ku abuurtay niyadsami iyo dareen ah in dadaalkiisii midho dhalay. In kasta oo aanu ammaani jirin, malaha hadal yaraan darteed, haddana Raage wuu ogaa adeerkii in uu jecel yahay. Taa wuxuu ku ogaaday siyaalo badan oo ay ka mid yihiin isaga oo aan weligii marna gacan u qaadin ama si qallafsan u canaanan, iyo isaga oo u la hadli jiray sidii qof weyn.

                                                                                                      Rooble waa nin dhibaataysan oo asxaabtiisa tirada yari waxa uu isagu xiiseeyo ee doodaha fekerka iyo aqoonta ah la ma xiiseeyaan. Mid waliba in uu shaqadiisa uun ka adkaado ayaa dadaalkiisu ku dhan yahay, wax akhrisna malaha xilligii waxbarashada ayaa ugu dambaysay. Wax uu isagu ku kordhiyo mooyee iyagu wax badan ku ma kordhiyaan ama ku ma kordhin karaan. Marba aragti uu isagu beri hore ku dhaliyay ayay wax cusub uga dhigaan oo inta ay soo calcalaaliyaan iyada oo aan dux iyo dacmad lagu ogayn dib ugu soo celiyaan. Nacdali kortaygu maxay barteen maxay se akhriyaan?! ayuu ku hiifaa.

                                                                                                      Sababtaas ayuu Raage wehel aqooneed uga dhigtay, oo marka uu arko isaga oo buug akhriyaya wuxuu badanaa ku yidhaahdaa: “Marka aad dhammaysid ii sheeg.” Ka dib wax ka wayddiiyaa fikrado buugga ku saabsan oo uu la dhacay ama la yaabay ama xataa fahmi waayay bal sida uu ka yari u arko.

                                                                                                      Waa ay ka la duwan tahay waxa la khriyo in keli ahaan loo liqo iyo in dad kale lala wadaago. Mar kasta oo wax la wada falanqeeyo waxaa laga soo tuujiyaa miid dheeraad ah iyo macne maanka ku raaga. Doodaha qoraallada ku saabsan ee uu Raage adeerkii ka helay garaadkiisa dheef badan ayay siiyeen, waxayna u noqdeen fursad uu waxyaalaha uu akhriyo xaglo ka la duwan kaga eego, qunyar qunyar ayuuna u helay bislaansho maskaxeed oo da’diisa ka weyn.

                                                                                                      Habeen ka mid ah berigii uu dugsiga dhammeeyay, goor caways ah oo uu magaalada ka soo noqday, ayuu la kulmay Rooble oo daaradda ku neecawsanaya. Wuu la fadhiistay cabbaarna sheekaysteen.

                                                                                                      “Weli ma waxaad ku talo jirtaa in aad duuliye noqotid?” ayuu wayddiiyay.

                                                                                                      Waxaa la isla xasuusan yahay intii uu yaraa oo dhan in uu sheegi jiray duuliye in uu noqon doono, sidii ay aabbihii ku soo ka la tageen, waxa ay se ka baxday goor aanu ogayn.

                                                                                                      “Maya adeer, waxaan xiisaynayaa in aan bare noqdo.” “Bare?” Raage oo mooday odaygu fikradda in uu ka naxay, hadal habboonna raadinya, ayuu Rooble raaciyay: “Waa xirfad sharaf leh. Waxa uu qofku xiisaynayo ayaa muhiim ah. Ma jirto wax ka weyn oo aan ku faani lahaa in aan arko adiga iyo Leyla oo jaamacad ka baxay oo shaqaysanaya.”

                                                                                                      Habeenkaa wuxuu siiyay talooyin badan oo dardaaran u eg, kuwaas oo da’dii u korodhaba Raage qiimo badan u sii yeeshay.

                                                                                                      “Aqoon aad akhriday iyo mid aad dhaxashay toonna yaanay ku hodin, hana u arkin wax sugan iyo xaqiiqo laga ma gudbaan ah. Wax walba caqliga ku miisaan, meelo ka la duwan ka eeg, wax lid ku ahna ku eeg. Run iyo been, sax iyo qalad, midna wax ahi ma jiraan inta aan caqligaagu go’aan ka gaadhin. Ma jirto awood caqliga ka sarraysa oo wax lagu saxo ama lagu qaldaa. Qofka waxa loo sheegay, uu akhriyay ama dhaxlay sidooda ku qaata, isaga oo aan garashadiisa la kaashan, ee mooda cidda wax u sheegtay in ay xaqiiqada uga xogogaalsan tahay, waa qof aan garaadkiisa ku kalsoonayn oo addoon u ah aragti kale ama dhaqan soojireen ah.

                                                                                                      Isku day had iyo jeer in aad wax walba dhinaca lagaa tusay ama aad ka taqaan mooyee dhinacyo kale ka eegtid, una oggolow caqligaagu in uu fekero karaankiisa. Ogow haddii aad fekerkaaga xayirtid, adiga oo xeerinaya aragti hore, waad iska hiilisay waxaanad u jabtay mugdiga iyo khuraafaadka. Ha noqon fulay socdaalka nolosha dadka kale iska dabagala waxa ay la kulmaanna la kulma, ee ku dhiirro waddo cusub taas oo aad guul aan lagaaga horrayn uga dhacdid.

                                                                                                      Waxaa ka la jira jahli toos ah iyo mid dadban, sida ay u ka la jiraan aqoon toos ah iyo mid dadbani. Mana jirto dhibaato ka weyn ta uu sababo qofka qaba jahliga dadbani. Waxaad arkaysaa qof la sheegayo in uu wax bartay oo haddana ku dhex ambaday dhaqan soojireen ah oo aan la hufin iyo habfeker ku dhisan mala’awaal, kutiri kuteen iyo sheeko xariiradii madaxkuti, kaas oo dhex rooraya ceeryaamo yoolka araggiisa soo dhoweysay. Sow markaa gartii ma aha in uu xanuunka ay nacayb reer iyo caadifad qabiil ku abuureen dartood sidii uu leeb sheyddaan sambabka kaga taagan yahay cabaado, oo sidii uu dhunkaal cunay labada qawlal ka xumbeeyo? Sow gartii ma aha tabartiisa maskaxeed iyo guud ahaan tayadiisa dadnimo oo dhan in uu hoog iyo wax aad u hooseeya ugu adeego? Mar haddii uu araggiisa himbiriirsiga ah iyo garaadkiisa naaquska ah dartood ku guuldarraystay in uu xaqiiqadu sida ay tahay u arko, faham hagaagsanna ka la baxo, sow gartii ma aha in uu talo awoow dib ugu noqdo oo tol uu dhogor yaqaan dhexda ka raaco?”

                                                                                                      Odaygu cabbaar ayuu sidii kelitalis u dhurmay. Taladan uu daldalayo intee ayuu isagu kaga dhaqmaa? ayuu yarku niyadda iska wayddiiyay. Wuxuu ku sii daray:

                                                                                                      “U feejignow dhacdooyinka iyo giraanta wareegaysa ee dunida, mid dhow iyo mid dheerba, wax walbana asalkooda iyo sababtooda raadi, taas ayaa ah wacyiga aad maqashid. Wacyigu waa ilays xoog leh oo sida hillaaca maskaxda ugu dhaca, oo degdeg kuugu ifiya walxaha iyo dhacdooyinka xaqiiqadooda. Weligaa qof ha ku nicin aragtidiisa u gaarka ah, hana kaga hamran aragtidaada kuu gaarka ah.” Gugii iyo aqoontii u kordhaba Raage waxay sii dareensiiyeen abaalka aan xadka lahayn ee ay reer adeerkii ku leh yihiin. Tacliinta oo keliya ma aha ee wuxuu hubaa in ay qofnimadiisa oo dhan dhiseen. Wuxuu ka soo qaadaa haddii uu weli miyiga joogi lahaa, wuxuuna qiraa taas in aanay aqoon keli ahi ku seegteen ee hab fekerkiisa iyo shakhsiyaddiisa oo dhami si kale ahaan lahaayeen. Shaki la’aan waxaad noqon lahayd qof qallafsan oo arxan daran oo dagaal u joog ah, sida ay geeljirku wada yihiin, ayuu ku fekeray.

                                                                                                      Mar kasta oo uu ka fekero dadka qaba akhris- iyo qoris la’aanta wuxuu xasuustaa maalin uu carruur ahaa, intii uu miyiga joogay, warqad duug ah oo wargeys ka dillaacday oo uu gacanta ku qabtay. Waxay ku qornayd far laatiini uu markaa u yaqaannay ”farta gaalada”, halka uu carabida u yaqaannay ”farta Qur’aanka”. Wuxuu iska yeelyeelay in uu wax warqadda ku qoran akhriyo, isaga oo khayaaligiisa yar la kaashanaya ayuuna xaraf walba ugu magac daray waxa uu u eg yahay waxyaalihii uu markaas yaqaannay. Tusaale ahaan xarafka O wuxuu u bixiyay goobo, xarafka J guugguule, xarafka X maqas, xarafka S mas, xarafka T dubbe…

                                                                                                      Dabadeed wuxuu ka la baxay macne dhalanteed ah oo uu isku qanciyay in uu sax noqon karo.

                                                                                                      Wax akhrisku wuxuu ahaa duni ka oodan, maantana waa qaybta ugu muhiimsan noloshiisa. Farxadda ay taasi ku abuurtay ma jirto wax kale oo uu u dhigi karaa.

                                                                                                      Jahliga iyo faqrigu waa laba cadow oo qofka qaba u nugleeya cadawyada kale oo dhan. Ma jiro halgan ka mudan in labadaa lala dagaallamo, mana jiro wanaag qof loo galo oo ka weyn in labadaa looga hiiliyo. Sababtaas ayuu Raage adeerkii abaal ugu hayaa.

                                                                                                      Sannadkaa uu dugsiga sare dhammeeyay ayuu mar kale reerkoodii miyiga fasax ugu tegay. Aqoontiisa, fekerkiisa iyo ujeeddadiisa fasaxani kuwii hore oo dhan waa ay ku duwanaayeen. Waxay ahayd marxalad uu la yaabbanaa qiimaha tacliinta, isla markaana qirsanaa guuldarrada aqoondarrada. Hore miyiga waxaa geyn jiray hilaw uu dhulkaa iyo dadkaa u qabo, laakiin sannadkaa intaas uun ma ahayn ee wuxuu lahaa barnaamij uu sii qorsheeyay. Wuxuu sii qaatay sabuurad yar, xabbado tabaashiir ah, warqado cadcad iyo xantoobo qalimo ah.

                                                                                                      Gole ardaa ah ayuu fiid oog ka shiday, sabuuraddiina laan ka deldelay, beeshana u sheegay qof kasta oo doonaya in uu far soomaalida bari doono. Dabadeed waxaa ku soo qulqushay dhallinyaro inammo iyo hablaba isugu jirta. Waa gu, sidaas darteed dhallintaasi awalba waxay isugu soo bixi jireen caways ciyaareed. Dhanka kalena waxay xiisaynayeen wax qorista.

                                                                                                      Hawshaas uu bilaabay julaay dhexdeeda dhammaadkii bisha ogos waxaa u diiwaan gashanaa 103 qof oo ka aflaxay farbarashadaa. Wuxuu u ahaa fasaxiisii ugu qiimaha badnaa, wuxuuna Xamar ku la soo noqday farxad aan qiyaas lahayn.

                                                                                                      ***

                                                                                                      Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa qaabbilsan waxbarshada debedda, iyada ayuuna Raage intii aanu miyiga u socdaalin ka sii codsaday waxbarasho debedda ah. Tacliinta ummadaha horumaray waa ay ka tayo fiican tahay ta dalka. Markii uu Xamar yimid wuxuu la kulmay war farxad leh, wuxuu ka mid noqday saddex arday oo Ingiriiska loo diray.

                                                                                                      Arday badan oo sida Raage dhibco wanaagsan dugsiga kaga baxday ayaa waxbarashada debedda iyo ta gudaha labadaba wayday, waayo berigaa waxaa jiray qaraabokiil naxdin leh, laakiin isaga arjigiisii waxaa ka dabo hadhi waayay Rooble.

                                                                                                      Odayga iyo dadka labada wasaaradood ee waxbarashada qaabbilsan ka shaqeeya, siiba inta madaxda ah, waa ay iswada yaqaannaan, laakiin dhab ahaantii saaxiibbo badan ku ma leh. Badankooda waxay ku colloobeen musuqmaasuqa jira oo ay ku ka la aragti duwan yihiin. Wuxuu la mid yahay kii ku maahmaahay “Tolkay sidii aan midba maalin u nacayay ayaan wada nacay”. Laakiin ninka waxbarashada debedda qaabbilsan isku ma xuma, isaga ayuu inta uu xafiiska ugu tegay ku yidhi:

                                                                                                      “Ninkani cidna waxtar ugama baahna ee waxa uu xaq u lee yahay uun ha helo.”

                                                                                                      Kii kale sidaas wax u ma garawsan ee isaga oo doonaya in uu Rooble u abaal sheegto ayuu yidhi:

                                                                                                      “Rooble, sannadkan haddii aan arday keliya debedda u dirayo waxaan dirayaa wiilkaaga.”

                                                                                                      Haddii aan arday keliya debedda u dirayo ku lahaa! Ma isaga ayaa Wasaaradda iska leh? Miyaan sharci iyo nadaam la raacayaa jirin? Sidaas ayuu odaygu ku fekeray isaga oo abaal sheegadka aan xaqa loogu lahayn ka xun. Dhanka kalena ma uu doonayn cadawga badan ee uu Wasaaradda ku lee yahay in uu sii badsado, sidaas darteed wuu uga mahad naqay.

                                                                                                      Raage markii uu Ingiriiska tegay waxaa fajac ku noqday horumarka ay dadkaasi ka sameeyeen xagga cilmiga, farsamada iyo dhaqaalaha, iyo ka ay ka sameeyeen xagga ka la dambaynta. Waxay ahayd xaalad kaga daran tii uu carruurnimadii Xamar ka la kulmay. Isaga oo aan arag haddii looga sheekeeyo wuxuu moodi lahaa war dhalanteed ah.

                                                                                                      Aad ayuu u la yaabay horumarka uu halkaa ku arkay, mar haddii uu arday ahaana wuxuu aad u la sii yaabay maktabadaha cajabta leh ee lagu ururiyay aqoontii aadamiga oo dhan, mid hore iyo mid dambeba. Wuxuu ku dayoobay xaddiga aqooneed ee ku dhaansan qoraallada encyclopedia oo uu weligii maqli jiray halkani se ugu horrayso. Ma dhici karto, ayuu ku fekeray, bulsho ku dhex nool aqoon intaa la’egi in ay fekerka iyo wax abuurka ka la sinnaato bulsho inteeda aan wax akhriyi karini ka badan tahay inteeda wax akhrida. Tacliinta uu isagu badaha uga soo tallaabay dadka halkan ku nool qof walba waxaa ku filan marka uu doono in uu maktabadda tago wax kasta oo uu xiisaynayana sidaas isu baro.

                                                                                                      Isla markaa uu fajaca iyo yaabka la ka la batay ayuu feker kale ku soo dhacay. Horumarkan hortiisa ka muuqda wuxuu u arkay mid isaga cadow u ah. Qiimo kasta oo dadnimo oo uu horumarkaasi yeelan lahaa waxaa dilay markii dhul iyo dad gaar ah lagu koobay ee cid kasta oo dhulkaa iyo dadkaa debedda ka ah cadaw looga dhigay. Waxabuurka ay qolo samaysaa, si kasta oo uu u wanaagsan yahay, haddii loo adeegsado dibindaabyada dadka kale noqon maayo guul aadamiga u soo wada hoyatay, ee isla markiiba wuxuu isu rogayaa guuldarro. Waa horumarkii ay reer yurub dunida ku gumaysteen, ayuu ku fekeray.

                                                                                                      Ashqaraarka uu xaddaaradaas ku qaabbilay ma uu waarin. Hore ayaa loo yidhi “Waxa aad jeclaanaysid aashaa jeclow nici doonteena mooyiye…” Wuxuu arkay fallaadho afka waabay ku wada leh oo dhan walba u liishaaman. Suryo walba dabin doqonimagaratay ah ayaa daadsan. Dagaalkii imbiriyaaligu maanta ayuuba u daran yahay. Xaalku wuxuu ahaa dib u gurasho xeel dagaal. Fagaarihii damaashaadka gobannimada ayay miino aasnayd wada qaraxday.

                                                                                                      Garashada iyo aragtida cusub ee fekerkiisa ku dhacay ee uu xaaladdan ka qaatay, waxaa ka horreysay xaalad caaddifadeed oo u soo dedejisay una suurto gelisay in uu arrimaha si qoddo dheer ugu fiirsado, dabagal dheerna ku sameeyo. Waxaa ka mid ahayd goor fiid ah isaga oo jaamacadda ka soo baxay in uu qolkii uu degganaa ku soo noqday, ka lana kulmay arrin uu aad uga xumaaday markii damba se ogaaday in ay Yurub caadi ka tahay. Albaabka waxaa loogu sawiray daayeer, waxaana far waaweyn lagu qoray: “GO HOME NIGGER!

                                                                                                      Ninka reer yurub ee Afrika jooga sidaas loo la ma dhaqmo, iyada oo weliba aano loo tirinayo. Waa arrin ku lug leh ka la adkaansho. Maalmahaa wuxuu xiisaynayay, una fiirsaday, sababaha keenay ka la adkaanta Afrika iyo Yurub, waxayna la noqotay in ay bilaabatay maalintii malaayiin barbaarta reer afrika ah la xaraashay. Weerarkii argaggaxa lahaa iyo bililiqadii nool iyo moodba lahayd ee ay reer yurub dunida kale ku qaadeen waxay si gaar ah ugu dhacday qaaradda laga soo askunmay… mayee waxaa jiray kuwo la dabarjaray.

                                                                                                      Isaga oo badweynta aqoonta maktabadda marba dhan u muquuraya ayuu helay buug uu hore u maqlay. Afar cisho ka dib, goor galab ah isaga oo qolkiisa jooga, ayuu buuggii bogga ugu dambeeya rogay. Markii uu eraygii ugu dambeeyay akhriyay jiriirico xoog leh ayaa jidhkiisa oo dhan ku jabtay. Weligii ma uu akhriyin buug sidaas naftiisa u taabta. Neef xoog leh ayuu sambabada ku soo cidaaday. Cinwaankii buugga ee uu tobannaanka jeer arkay ayuu mar kale eegmada ku celiyay. Waddadii dheerayd ee hayaanka sheekada ayuu xasuusta dib u la raacay. Ayaandarro laba qarni soo taxnayd ayuu sida filimka u daawaday. Cinwaanka ayuu mar kale eegmada ku sii cadaadiyay Roots, the Saga of an American Family – ‘Xididdo, qisadii qoys maraykan ah.

                                                                                                      Kunte Kinte, wiil islaweyn oo beel nabadeed oo barwaaqo taal ka dhashay, ee maalin shaydaan silsilad cad labadible ugu jabiyay, meel daaddaysna u taxaabay, iyo Alex Haley, qoraaga buugga, ayuu labadoodii sawir isku mar maskaxda ka helay. Laba qarni oo labadaa nin u dhexeeyay muggood, waxii guul iyo guuldarro ku jiray, dadka ay sheekadu maraysaa ayaan iyo ayaandarro waxii ay qaddarka marti uga ahaayeen, ayuu sidii tuduc gabay ah miiddii ka buuxday muudsaday oo liqay. Dadkii badnaa ee uu sheekada ku bartay ee ka la dhulka, ka la waqtiga iyo ka la duruufta ahaa, ayuu mid walba gooni u hor fadhiistay.

                                                                                                      Wuxuu jeclaystay in uu nolol ku la kulmo, oo uu gacmahoodii ay hawsha addoonsiga naxariista darani gaatirta u yeeshay iyo dhabarkoodii madoobaa ee jeedalka cadi ku suntanaa taabto. Wuxuu jeclaan lahaa hooyooyinkii ubadkooda laga irdhay ee ooyayay in uu u hiiliyo. Wuxuu jeclaan lahaa in iyaga loo doorto in ay aayaha aadamiga mar gacanta ku qabtaan sida ay doonaanna ka yeelaan. Wuxuu jeclaan lahaa in la qirto marxaladdaasi in ay ahayd mid aan weli la soo gaadhin dadnimada. Wuxuu jeclaan lahaa taariikhdaasi in ay been tahay oo aanay weligeed dhicin. Wuxuu la yaabay awoodda aan caadiga ahayn ee ay dadka qaar u leh yihiin ka gudubka duruufaha u eg kuwo aan sinaba looga gudbi karin.

                                                                                                      Wuxuu ka fekeray malaayiinta maraykanka ah ee maanta ku abtirsada Kunte Kinte fursadda ay u lahaayeen in ay soo badbaadaan sida ay u yarayd iyo sida ay haddana taa ugu soo guulaysteen. Afro- ameerikaanku nolosha maanta dadka kale waa ay kaga xaq leh yihiin haddii la eego sida loogaga xaq sheegtay, ayuu ku fekeray.

                                                                                                      Laakiin waxaasi waa uun taariikh ay ahayd in lagu cibro qaato, in mustaqbalka lagu ifsado. Afrikaanku, oo afar boqol oo sano dadkooda sida xoolaha loo raranayay, ilaa ay dalalka qaarkood ku dhowaadeen dadkuba in uu ka cidhib go’o, maxay kaga cibro qaateen? Maxay ka barteen? Waajibka ugu yari wuxuu ahaa in laga gaashaanto si aanay mar dambe u dhicin. Haddaba yaa ka gaashaantay? Hoggaamiye doqonnimo la hamaansanaya, oo hadiyado xaqiran la siiyo, dalkiisa iyo dadkiisana waxa la doono lagu sameeyaa, weli sow Afrika ma xukumo? Dad midab cad oo dadka midabka madow quudhsadaa weli sow ma badna? Maraakiibtii saddexgeeska isaga gooshi jirtay weli sow carooggii dhiillada lahaa ma afuufto? Dekedihii Badweynta Atlaantigga labada dhinac kaga teedsanaa weli sow ma furna? Xaaladda maanta oo sidaas u foolxun in taariikhda la nacdalaa malaha waa wax lagu degdegay? Guuldarradaa haddii wax laga kororsan lahaa Afrika maanta ma ay ahaateen beerta tijaabada iyo sheybaarka dhimashada.

                                                                                                      Weligii ma uu akhriyin buug sidaas naftiisa u taabta. Wuxuu ku dhaygagay wejigii qoraaga ee jeldiga dambe buugga kaga sawirnaa, wuxuuna la yaabay sida uu Alex Haley u awooday in uu waddadaas dheer ee argaggaxa leh ee qarniyada soo taxnayd laba iyo toban sano dib ugu lugeeyo. Sahaydiisu maxay ahayd?

                                                                                                      Gulufkii cuslaa ee ay reer yurub dunida kale ku qaadeen waxaa hagayay oo keliya jacaylka xad dhaafka ah ee ay hanti urursiga u qabeen. Marka ay kolay buuxiyaanba mid kale ayay la roorayeen. Sababo laga yaabo in ay cimiladu ugu horrayso ayaa keenay in uu qofka afrikaanka ahi nolosha inta ugu yar ee ku filan raalli ku noqdo. Giddi kuwa laga adkaaday, sida afrikaanka, hindida iyo ustareeliyiinta, waa kuwo habnololeedkooda iyo hannaankooda dhaqaale aan wax kaydsiga badan iyo lahaansha gaarka ahi muhiim ahaan jirin. Iyaga oo sidaas isaga baraad la ayaa quwad si ba’an u abaabulan lagu hareereeyay.

                                                                                                      Haddii ay sidaas ahayd, ma hantigoosiga ama wax ka la boobka ayaa ah sababta horumarka bulshada oo darteed kuwa adkaaday u adkaadeen, wadaagga ayaana ah sababta dibudhaca oo kuwa laga adkaaday looga adkaaday? Hannaanka hore haddii uu ka dambe u babac dhigi kari waayay, oo sidii dogob aboor cunay markii la riixay iska dumay, sow daliil u ma aha in uu ahaa wax qarriban, abaaday oo tabar dhigay?

                                                                                                      Haddii laga soo qaado lahaanshaha gaarka ah ee xoogaystay in uu ahaa sababta horumarka Yurub, sow marag u ma aha in uu yahay wax habboon oo ay tahay in loo halgamo? Haddii uu lahaanshaha gaarka ahi waxsoosaarka qofka riixo, waxsoosaarka qofkuna horumarka umadda riixo, marka lahaanshaha gaarka ahi xayirmo horumar maxaa keeni kara?

                                                                                                      Raage wayddiimahaa iyo kuwo la mid ah marar badan Rooble iyo dad kaleba wuu ka la dooday, wuxuu se maanta u arkaa wayddiimo aan xaqiiqada ifinayn ee mugdi sii gelinaya. Ka soo qaad in ay dunida meel go’doon ah ka jirto bulsho aan haba yaraato ee dhaqan u lahayn in hantida la ka la lahaado. Ka soo qaad in aynu qof bulshadaas ka mid ah wayddiinno labada hannaan ee ka la lahaanshaha iyo wada lahaanshaha ka habboon? Dabcan fekerka ugu horreeya ee maskaxdiisa ku soo dhacaa wuxuu noqon lahaa: qofku haddii uu wax walba dadka kale u la siman yahay wax u gaar ah muxuu ku falayaa?

                                                                                                      Ka soo qaad haddana miskiinkii oo wayddiinta liqi waayay in aynu uga warranno bulshada aynu ka nimid in iyada oo dadka qaar gaajo u le’anayaan isla markaas qaar kale dibbirodillaac u dhintaan. Shaki la’aan wuxuu inoo xaqiri lahaa sida aynu u xaqirno marka aynu maqalno dhaqan isqalasho ka jirto. Sidaas darteed wayddiimaha kor ku xusani waxay inagaga dhacayaan maskax ka aragti qaadanaysa xaalad dabiici inoo ah, waxayna ku dhex lumayaan dhaqan ku salaysan boob.

                                                                                                      Laakiin miyay tahay in kartilaawe waxsoosaar liita lala simo maddaale waxsoosaar badan?

                                                                                                      Qofka in ay bulshadu waxsoosaarkiisa la wadaagto, isaguna raalli ku noqdo waxsoosaarka guud qaybta uu saami u helo, sidaasna sinnaan loogu wada noolaado, waa sallaanka dadnimada ugu sarraysa laga korayo ee ku talogal iyo ku talogal la’aan la wada higsanayo. Ka wadaagga diidayaana waxa uu u hamuumayaa nolol ma aha ee waa awood uu kuwa kale ku cadaadiyo. Hanti baahida ka badani shar waxaan ahayn ku ma sal leh. Urursiga iyo kaydsiga wax ay dadka kale ka bakhtiyayaan ma aha dabeecad asal ah ee waa tagganaan xilli dambe la bartay, haddii aan laga gudbinna waa sababta labada qof ee dunida ugu dambeeya mid qudha looga jarayo. Isboobka iyo ismuquunintu ilaa hadda waxay aadamiga u soo jiideen hoog aan cidina ka badbaadin, mustaqbalkana waxay dhali karaan burbur jiritaanka aadamiga soo afjara. Xaqiiqadaas ayaa khasab ka dhigaysa in la helo hannaan aan legdan ku dhisnayn, ee ku dhisan wada noolaan habboon. Taasina ku ma hirgeli karto jujuub, xorriyadda iyo kartida shakhsiga oo la xayiro ama la afduubo, ee waxay ku iman kartaa koritaan feker wadajir ah. Waxay hirgeli kartaa marka la garto in la isku bahaloobo oo marba ka laga adkaado la gato ama la qasho in ay aad uga habboon tahay khayraadka dhulka lagu haysto in la wadaago.

                                                                                                      Weli waxaa ina hor taal su’aashii ahayd: hantigoosigu haddii aanu habboonayn muxuu u adkaaday?

                                                                                                      Dirir kasta oo foodda la isdaro khasab ma aha in uu xaqu ku adkaado dulmiguna ku jabo, waayo waxaa jiri kara duruufo xaaladda ku meegaaran. Marka labaad waa mas’alo ku tacalluqda hab nololeed ee ma aha muruq. Maantana hantigoosigu in uu gacan sarreeyaa daliil u ma aha in uu habboon yahay, ee wuxuu si aan arxan lahayn u adeegsanayaa awood muruq oo uu muddo dheer soo urursaday. Wuxuu lee yahay xoog uu dhawaaq kasta oo lid ku ah ku cabbudhin karo, fuf kasta oo dhulka ka soo cagaarmana cagta ku saari karo.

                                                                                                      Mar haddii se ay maanta dunidu isku wada qoofalan tahay iyada oo qayb ka mid ah isboob ka jiro qaybta kale wadaag suurtogal ka ma aha. Waxay la mid noqonaysaa laba ruux oo oomato wadaagaya oo midkood boobayo. Taas awgeed waa daruuri isbeddelkaasi in uu ahaado heer caalami.

                                                                                                      London waa carwada lagu soo bandhigo guusha hantigoosiga, ayuu Raage ku fekeray isaga oo subax sabti ah magaalada tamashle ku lugaynaya. Meel walba waxaa ka socda damaashaad guushaa loogu dabbaaldegayo, meel walba waxaa daadsan raqdii hantiwadaag la gawracay, meel walbana waxaa luudaya firxadkiisii ka la asqoobay.

                                                                                                      “Ka la baxa jeebkayaga faraha, tuug yahay tuugta laga soo gooyay! Sinnaan iyo wadaag ku lahaaye! Waxa dunida loo abuuray ayaaba ah boob iyo beretan markaasay ku leh yihiin ‘sinnaan iyo wadaag’! Wuxu miyay makhri la yihiin maan gaabsanaa! Waxa Midowga Soofiyati iyo xulafadiisa hoog haysta may arkaan? Horumarka waxaa wada tartanka dadka ka dhexeeya, waxaana jiida hadba ka ugu dheereeya, haddii se isagii la xakameeyo ma sidii ido huluumbe qaba ayaa la isu daba tukubayaa?”

                                                                                                      Laakiin horta tartan loo siman yahay ma furan yahay? Kan arradan ee shaqada wershedda ku sii kallahsan iyo kan wershedda qudheeda leh ee isaga oo baabuur qaali ah wata miskiinkaa dacda ku saydhay, ma la hubaa in ay kartidoodu ka la reebtay? Xaqiiqadu sow u ma badna in uu habka jiraa u ka la hiiliyay, oo mid dhabarka ka riixay ka kalena in uu madaxa kor u qaado u diiday?

                                                                                                      Laakiin waxaa ugu daran habka Midowga Soofiyati iyo dalalka isaga ku dayda lagaga dhaqmo ee hantiwadaagga lagu sheegay, kaas oo dhabarjab ku ah halgankii weligii aadamigu ugu soo jiray sinnaanta. Wuxuu maragbeenaale u yahay ololaha lagu ambinayo caalamka ee ah wadaaggu in uu sidaas yahay. Waa maragbeenaale u dhigma ka ay kelitalisyada afrikaanku dadkooda ku fureen, kuwaas oo marka la wayddiiyo sababta ay dadkooda miciyaha hororka ah u darayaan ku dooda: “Dadkayagu dilka iyo dullaynta ayay wax ku lee yihiin, kutumashada ayay ku naaxaan oo karaamada waa ay eedaan.” Labada jeerba imbiriyaaligii qosol iyo sacab digasho ah ayuu isku daray. Hoggaamiyaha Afrikana isaga oo sidii jeer dheregtay gafuur weyn ruxaya waa kaas maatadii ku durduriyay.

                                                                                                      Soomaaliya ayuu ka fekeray; jamhuuriyad dimuqraaddi iyo weliba hantiwadaag ah. Magacyadan quruxda ka la daran haddii jacayl loo qabo dartii loo soo urursaday in lagu dhaqmo maxaa diiday? Wanaag loogama jeedo ee waa maqaar bulshada hebedka ah lagu godlo oo lagu maalo.

                                                                                                      Beri dadka soomaalida oo xaalkooda Alle og yahay ayaa buun qaylo dheer oo aad kii qiyaamaha mooddo loo afuufay. Markii la isu soo baxayna waxaa la sheegay in xalay dawladdii hurdada lagu soo dooriyay oo ay hantiwadaagnimo la soo toostay.

                                                                                                      “Oo hantiwadaaggu waa maxay?” “Waa sinnaan dhan walba ah.” “Oo macnaheedu waa maxay?” “Waxii dhib ah oo loo wada dhidido iyo waxii dheef ah oo dheri lagu wada karsado.”

                                                                                                      “Waar ma idinka dhab baa? Taasi waa jannadii la sheegi jiraye dunida ma laga samayn karaa?”

                                                                                                      ”Maxaa looga samayn kari waayay?” Dabadeed yar iyo weyn inta guntiga iyo googgaradda la gaabsaday ayaa shaqo loo dareeray. “Iskiin wax u qabsada nolosha waa udub dhexaadkiiye!” Fiidkii ayaa la isu soo hoyday, mise wax dabka la saaraba la ma hayo, gabannadiina gaajo ayay halkan iyo halkeer la daadsan yihiin.

                                                                                                      “Dherigii la sheegayay mee?” “Madaxtooyada ayuu jiraa ee idinku biyo cabba oo seexda.” “Wadaagga la sheegayaa ma waxaas baa? Ilaahay waxaan ugu dhaar galay dherigaa xun meesha aan ku arkaba waa in aan ka la jebiyaa!”

                                                                                                      “Waa dibusocod ee qabta oo dila!” Waa kaas hantiwadaagga hirgalay ee la wada hiifayaa. Si kastaba ha ahaatee hannaan wadaag ah oo dunida ka dhaqan galaa wuxuu u baahan yahay awood marka hore wax-kalaboobka lagu xakamayn karo, oo ka aanay waxba deeqayni afka weyn ee uu soo ka la hayo lagaga harraatiyi karo. Haddii kale aabbaha iimaanka qaba ee ubadkiisa wax nolol maalmeed ugu filan u soo saara, dabadeed iyada oo aan dhigaal badani u ool niyadsami ku seexda, dukaanka uu masruufka ka sii qaato iyo guriga uu kirada ugu jiro ka leh ayuun buu addoon u noqonayaa.

                                                                                                      Laba sano oo culculus ayuu Raage London wax ka baranayay, laba sano oo uu laba adduun isaga gudbay. Dabadeed isaga oo ay ahayd ugu yaraan sannad kale in uu sii wato ayaa dib loogu yeedhay, loona sheegay in uu waxbarshadiisa inta hadhay dalkii ku dhammaysanayo. Sababta waxaa loogu sheegay dhaqaale xumo, beri dambe ayuu se ogaaday in ay ku lug lahayd maqaal qalindaraale ah oo ay isaga iyo arday suudaani ah oo ay isku jaamacad ahaayeen wargeys ku wada qoreen.

                                                                                                      Maqaalkaas oo lagu daabacay wargeys London ka soo baxa oo ku hadla codka ardayda afrikaanka ah ee halkaa wax ka barata, wuxuu si guud uga hadlayay xaaladda Afrika gumaysigii Yurub ka dib.

                                                                                                      Maqaalka waxay ku xuseen xorriyadda ay afrikaanku sheeganayaan in ay tahay been iyo dhalanteed, welina ay hoos galgalanayaan jeedalka kulul ee addoonsiga. Waxay maangaabnimo ku tilmaameen sida ay afrikaanku ugu ka la biirayaan labada dhinac ee ay Yurub u qaybsan tahay, bariga iyo galbeedka, kuwaas oo wada leh maslaxad hoosta isaga daloosha, sida ilkaha abeesada.

                                                                                                      Waxa ay tilmaameen sida ay afrikaanku isugu dayi waayeen in ay kaynta cufan ee nolosha ka dhex xagaaftaan waddo habboon oo ay u maraan badbaadadooda. In dhaqan iyo siyaasad, xansas iyo xaabo, waxii Yurub ka jiray la iska soo xaabsaday dabadeed lagu dayoobay oo ficil ahaan laga tarjumi kari waayay, ayay dhaliileen. Taas waxa ay ku meteleen ilmo yar oo dukaan weyn soo galay oo ku ashqaraaray, dabadeed wax uu u baahan yahay iyo wax kaleba iska daldashay. Waxa ay tusaale u soo qaateen xeerarka Afrikada cusub lagaga dhaqmo oo ah nuqul laga soo minguuriyay ka Yurub. Halkii xeerarkii hore u jiray la horumarin lahaa, waxii cusub ee la helana kaa hore loo waafajin lahaa, ayaa waxii hore oo dhan la qubay laguna beddelay wax qalaad, ayay maqaalkooda ku xuseen.

                                                                                                      Waxay ku doodeen in loo baahnaa nolosha bulshadu halkii ay joogtay in hore looga sii ambaqaado, laakiin la isku dayay in wax walba laga soo bilaabo halkii ay reer yurub ka soo bilaabeen, taasina ay keentay in dib loo hayaamo. Taa waxay tusaale uga dhigteen dhaqankii hore ee soomaalida sida uu hoggaamiyaha bulshadu iyada uga midka ahaan jiray, dhib iyo dheefba u la wadaagi jiray, jacaylkeeda iyo qaddarinteeda ugu dhiman jiray, xushmad iyo xishood u mudnaan jiray, iyo sida ay kuwa cusubi taa u dhinac mareen.

                                                                                                      Maqaalkooda waxay ku soo dhammeeyeen Afrika in ay sidaas u dambaynayso inta ay sidii wax maddiidaysan cid kale daba socoto, in ay sidaas u fahmo darraanayso inta ay fal iyo wax la eeday faraqyada ku sidato, sidaasna u waalnaanayso inta ay durbaanka sixirroolaha la qoobcayaarayso.

                                                                                                      Raage aragti macno leh hore ugama haysan xidhiidhka Afrika iyo Yurub, mana dhaafsiisnayn fikrado teelteel ah oo ka soo bilawda addoonsigii sida gaarka ah Afrikada Galbeed adhaxda lagaga jabiyay, kuna dhammaada dawladnimadii lixdanaadkii. Dhab ahaan aqoondarrada Afrika kaga sugan wuxuu ka la mid ahaa soomaalida oo sideedaba qaaradda inteeda kale si daran uga faquuqan. Halkii uu isagu ahaa soomaali ka yimid Soomaaliya, halkan wuxuu ugu yimid dhallinyaro ku faanaysa in ay yihiin afrikaan ka yimid Afrika. Colaadda Soomaaliya iyo Itoobbiya, ee aragti dhowaanta ku salaysan, iyo mudnaanta taariikheed iyo hiilka ay afrikaanka kale had iyo jeer xabashida siiyaan, ayaa soomaalida tolkeed ka fanteeyay oo carabta ku tolay. Sababtaas ayaa keentay soomaaligu in uu xabashiga iyo kiiniyaatiga deriska la ah uga aqoon iyo kalsooni bato ciraaqiga ay saddexda badood, lamadegaanka weyn iyo midabku ka la soocaan.

                                                                                                      Halkan wuxuu ugu yimid Afrika iyo afrikaan ka duwan sidii uu u yaqaannay, xumo iyo samo labadaba. Fikrado iyo taariikho uu qoraal ahaan ku helay ka sokow, wuxuu bartay lana dooday dad arday iyo mufakiriin u badan oo geesaha Afrika ka ka la yimid, kuwaas oo qabay aragtiyo yaab iyo argaggax leh oo ku tacalluqa wadciga guud ee dunida iyo waxa ay qaaraddoodu qaddar iyo nasiib qayb u heshay. In kasta oo uu ka kasbaday faham weyn oo aan Muqdisho ka jirin, haddana aad ayuu u dhibsaday isku kalsooni xumada iyo cabashadooda badan. Hore wuxuu u haystay dunidu in ay u qaybsan tahay shar iyo khayr, dhanka uu isagu yahay ama raacayaana muran la’aan tahay. Laakiin dadkani waxay soo hor dhigeen aadami isu wada cadow ah ka ugu liitaana yahay afrikaanka. Taasi waxay ku abuurtay baqdin, waxayna dhaawacday niyadsamidii uu u hayay dadnimada.

                                                                                                      Ugu dambayn markii uu degay ee caqliga wax ku eegay, waxaa u soo baxay laba xaqiiqo oo ka la ah: soomaaligu in uu afrikaanka kale ka kalsooni badan yahay kana niyadsan yahay, laakiin isla markaas laga wacyi sarreeyo lagana xogogaalsan yahay. Inta uu soomaaligu yaraysanayo, illawsan yahay, ama ka xog la yahay khatarta cad, in aad uga badan ayuu afrikaanka kale weynaystaa, ka baqaa, kuna mashquulaa. Labada xaaladoodna mid waliba dhibkeeda ayay lee dahay. Maxaa ka wanaagsan in aad niyadsami noolaatid, maxaa se ka xun in aad xogogaal la’aan dhimatid!

                                                                                                      Halkaas ayuu ka bilawday xiisaha uu arrimaha Afrika u hayaa. Sababtaas ayuu u joogtaystay tegista makhaayad ay ardayda reer afrika isugu yimaaddaan. Markaas ayuu xubin firfircoon ka noqday koox soo saarta wargeyska ardayda.

                                                                                                      Maalintii maqaalku wargeyska ku soo baxay laba cisho ka dib ayaa Raage safaaraddiisa looga yeedhay, halkaas oo uu ku qaabbilay nin ka mid ah saraakiisha safaaradda oo ay hore isu yaqaanneen. Ninkaasi Raage wuxuu u sheegay in uu akhriyay maqaalkii oo uu ku tilmaamay meelkadhac, wuxuuna u soo jeediyay canaan ba’an.

                                                                                                      “Ma siyaasi baad noqotay?” ayay ahayd wayddiintiisii ugu horreysay.

                                                                                                      “Maya. Waayo?”

                                                                                                      “Haddii aadan siyaasi noqon, iyo weliba mucaarad, waa maxay waxan aad dhex dabbaalatay?” oo kor u soo qaaday nuqul ka mid ah wargeyskii uu maqaalku ku qorraa. “Ma aha in aad qalad ka fahamtid xorriyadda wax qorista, oo aad weliba adiga oo dal shisheeye jooga wax walba iskaga hadashid.” “Oo waa maxay waxa aan iskaga hadlay?” “Bal xasuuso waxa aad meeshan ku qortay: ’Kelitaliska Afrika wuxuu la mid yahay nin hooyadii kufsanaya’. Waa metelaad yaqyaqsi leh. Danjiruhu markii uu akhriyay wuu ka xumaaday, aniga ayaa se dejiyay oo u sheegay in aad nin yar tahay. Ma aha adiga oo arday ah in aad waxaa isku mashquulisid.”

                                                                                                      Wuxuu ahaa nin aqoon leh, laakiin nacnacdaa shaqadiisa fulaynimada ah ayuu ku ilaashanayay. Xaqiiqadaas Raage wuu ogaa.

                                                                                                      Bil keliya ayaa kulankii qunsulka ka soo wareegtay markii Raage lagu wargaliyay in uu dalkii ku noqonayo. Markiiba malihiisu wax uu u batay go’aankaasi in uu ku lug lahaa maqaalka. Markii uu dalka yimid ee uu taa xaqiiqsadayna aad ayuu uga taxadderey firfircooni kasta oo siyaasadeed. Sannad kale ayuuna si deggan waxbarashadiisa dalka uga sii watay.

                                                                                                      In uu maqaallo siyaasadeed wargeysyada ku qoraa waxay ahayd hiwaayaddiisa, laakiin sidii uu dalka ugu soo noqday taa isku ma uu dayin. Baqdin ka ma ay ahayn, waayo magac qarsoodi ah ayuu adeegsan kari lahaa, laakiin mar hadii uu og yahay in aanu wargeysyada dalka ka soo baxa fikradihiisa ku qori karin, macnodarro ayuu u arkay in uu kuwo shisheeye, oo soomaalida akhridaa ay aad u yar tahay, wax ku qoro. Taasi beryahan waxay u la mid tahay qof dadkiisa dunida kale la xamanaya.

                                                                                                      ***

                                                                                                      Isla sannadkii uu jaamacadda ka qalinjabiyay Raage wuxuu macallinnimo ka bilaabay dugsi sare oo Muqdisho ku yaal, Degmada Hawlwadaag ayuuna qol kiro ah ka degay. Guriga intiisa kale waxaa ku nool qoys iyagu leh oo carruur badan. Guud ahaan waa shan qol oo barxad ciid ah oo geed weyni ka dhex qotomo ku soo wada jeeda. Sinaba u ma shabbaho gurigii Rooble. Qolka uu degay wuxuu lee yahay laba albaab oo mid debedda u jeedo midna gudaha.

                                                                                                      Qoyska guriga leh ee uu la degay ee reer Xaaji Cabdulle dhaqan ahaan aad ayay u furfuran yihiin. Barxaddaa, geedka hoostiisa, ayaa dermooyin iyo gambadho la wada dhigtaa oo maalintii la hadhsadaa habeenkiina lagu caweeyaa, wax walbana, sheeko iyo shaahid, la isku dhaafsadaa.

                                                                                                      Xero guriga ka sii jeedda waxaa qoyska ugu xidhan xayn lo ah, dukaan aan weynayn oo waxa la quuto iibiya ayayna xaafadda ku leh yihiin. Intaas ayay labada waalid iyo toddoba carruur ahi ku dhaqan yihiin oo ka wada shaqeeyaan. Ladnaan dheeraad ah ma qabaan noloshu se waa ay ku filan tahay. La soo degista Raage waa ay u aayeen, isaguna wuu u aayay. Carruurta ayuu duruusta ka caawiyaa, iyaguna waxay ku khasbeen in uu la weel noqdo, taas oo u suurto gelisay in ay mushaharada yari ku fillaato.

                                                                                                      Mushaharada uu shaqada ku bilaabay mar haddii ay iska liidatay reer Rooble aad ayay ugu cadaadiyeen in uu iska la sii degganaado, laakiin isagu taladaa sababo dhawr ah ayuu uga dhego adaygay. Wuxuu jeclaa in uu helo xorriyadda nin doob ah noloshiisa laga ma maarmaanka u ah. Wuxuu kale oo doonayay in uu dareemo masuuliyad iyo in uu waqtigii dheeraa ee gacanta lagu soo hayay ka dib isagu ismaamulo. Marka saddexaad Rooble iyo Qarad maanta qudhoodu waa dad waaweyn oo degganaan iyo xorriyad badan u baahan.

                                                                                                      Markii uu shaqada bilaabay aad ayuu u faraxsanaa, isu u la weynaa oo u niyad fiicnaa. Halgankii dheeraa ee uu tacliinta u soo galay guushiisii ayuu maanta hayaa. Laakiin islaweyni iyo niyadsami ma lagu noolaadaa, mase loo noolaadaa? Wuu ogaa in uu ka mid yahay fac shaqo bilaaba kii ugu nolol liitay. Wuu ogaa in aanu ku baahi bixi doonin, hantina ka dhaqan doonin, jeer isbeddel weyni dalka ka dhaco, isbeddelkuna ilaa hadda xagga xun ayuu u socdaa. Sidaas oo ay tahay waxaa ka buuxay dareen macaan oo shaqada jeclaysiinayay.

                                                                                                      Maalintii shaqada ugu horreysay wuxuu la kulmay fajac iyo lamafilaan uu sina u rumaysan kari waayay. Maamulaha dugsiga ayuu gartay, waa ay se ka dhaadhici wayday in uu ka uu moodayo yahay. Wuxuu ahaa Diiriye, saqeeyihii ay Negeeye saaxiibka ahaayeen.

                                                                                                      Raage wuxuu Diiriye bartay berigii uu Negeeye ka yimid Damalweyn, ee uu geerashka farsamada ka baran jiray, oo ay marar badan guriga Rooble isu soo raaceen. Berigaas wuxuu ahaa caato uskag badan, had iyo jeerna la moodo in uu gidaar ka soo toosay. Marar kale oo taas wax badan ka dambeeyay wuxuu arkay Diiriye oo qabanqaabiye ka ah hawlaha abaabulka iyo kicinta ee degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag. Berigaas dambe dharkii uskagga badnaa wuu iska beddelay, weli se sidii ayuu caato u ahaa.

                                                                                                      Markii isugu dambaysay waxay ahayd galab ka mid ah bisha oktoobar, muddo ka hor intii aanu waxbarashada u dhoofin. Maalintaa Diiriye wuxuu ka mid ahaa dad u xil saaran ururinta dadkii degmada u mari lahaa damaashaadka sannadguurada dhalashada Kacaanka. Wuxuu doonayay Qarad oo jirranayd in uu kaxeeyo, si ay u metesho ay hooyo kacaan ah, dabadeed Rooble ayay aad u murmeen.

                                                                                                      Laakiin Diiriyahan maamulaha ah ee uu Raage dugsiga ku la kulmay si walba wuu uga duwanaa kii hore. Waa dhawr iyo soddon jir gaaban oo cufan, laf iyo hilib labadaba. Berigii hore timo weyn ayuu lahaa jiray, laakiin imika bidaar weyn ayaa madaxa ka leeftay. Qayladii iyo iimaan la’aantii uu caanka ku ahaa ka ma muuqdaan, waa nin ladan, deggan oo isku kalsoon. Baabuur FIAT 124 ah ayuu wataa.

                                                                                                      Diiriye dadka aan taariikhdiisa aqoon wuxuu u sheegan jiray in uu dugsi sare ka baxay, laakiin tacliintiisu waxay ka bilaabatay kuna egayd laba sano oo ah Aqoonta Dadka Waaweyn. Markii uu isaga oo weli carruur ah Xamar soo galay iskorisnimo ayuu birta soo calaashaday. Wax badan ayuu dumar boorso ka la cararay, gabdho yaryar qadaaddiic ka dhirbaaxay, ama odayo reer miyi ah jeeb siibay. Waxaas oo hoog ah ma jiro qof aan Negeeye ahayn oo uu weligii la soo qaaday. Laakiin marka uu doonayo in uu ku faano sida uu nolosha ugu soo halgamay, ama ka digayo in la isku dayo in la dago, ayuu waxyaalo noloshiisii hore ku saabsan tusaale u soo qaadan jiray. Had iyo jeer wuu ku faani jiray sida uu u soo halgamay maantana u yahay maamule dugsi sare, taas oo ah darajo aanay gaadhi karin kuwa guuldarraystay, xataa haddii ay jaamacad ka soo baxeen. Isaga oo carruurnimadiisa xanuunka badan xasuusan ayuu sheegi jiray in uu rumaysan yahay carruurta ladnaanta iyo koolkoolinta ku kortaa in ay noqdaan dad jilicsan oo aan la tartami karin kuwa uu waqtigu laylyay ee cadaabta kabo la’aan ku soo maray.

                                                                                                      Mar hore iyo maantaba waa la isku raacsanaa Diiriye in uu ahaa qof dadaal badan, waayo meel adag ayuu iska soo saaray, Kacaankana wuxuu u la qabsaday si xawli badan. Wuxuu ka mid noqday Ururka Dhallinyarada, muddo yar dabadeedna wuxuuba noqday guddoomiyaha ururka ee degmada Hawlwadaag. Wuxuu xubin muuqata ka noqday Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee degmada, wuxuuna ku sifoobay firfircooni, kacaannimo iyo karti dheeraad ah. Wuxuu noqday xiddig aan hawlaha Xisbiga ee degmada ee abaabulka iyo kicinta looga maarmin.

                                                                                                      Bannaanbaxa lagu taageerayo go’aannada madaxweynaha, ka lagaga soo horjeedo imbiriyaaliyadda, soo dhoweynta kelitalisyada kale, cawaysyada hanuuninta dadweynaha iyo ololayaasha iskaawaxuqabso, meeshii la isugu yimaaddaba isaga oo suuf cas qoorta ku xidhan ayuu Diiriye safka hore taagnaan jiray. Waxaa loo wada arkay nin mustaqbal sugan maamulka ku leh, taas oo badisay cadawgiisa. Kacaandiidku waxay u arkeen dhurwaa soo koraya, kacaamiintuna waxay u arkeen nin aanay u la tartami karin helista kalsoonida taliska, kalsoonidaas oo lagu kasbado orod, qaylo badan iyo munaafaqnimo, kuwaas oo ahaa sifooyin uu Diiriye hodan ku ahaa.

                                                                                                      Beryahaas ayuu laba sano dugsi habeenkii ah dhigtay. Laakiin sidii uu u ordayay una qaylinayay ayaa si lamafilaan ah golaha beretanka looga waayay. Isaga oo halgankiisu meesha ugu ba’an marayo ayaa habeen guriga lagala baxay. Waxaa lagu eedeeyay in uu degmada lacag ka lunsaday, taas oo ahayd mid ay dhab ahaantii rag kale ku wada jireen laakiin denbiga keligii lagu moosay. Wuxuu ka soo laacay shan bilood oo ah “ii-hay” iyo sannad xukun ah. Dabadeed waxaa lagu soo daayay fadliga oktoobar.

                                                                                                      Xabsiga wuxuu ka soo baxay isaga oo soo nastay, sida ay dadku yidhaahdeen, waayo wuu soo naaxay. In kasta oo denbiga lagu eedeeyay uu qirtay haddana wuxuu ku qanacsanaa qabashadiisu in ay ahayd shirqool ay wadajir ugu dhigeen kacaamiinta iyo kacaandiidku.

                                                                                                      “Xamar aniga oo saddex iyo toban jir ah oo aan ab iyo isir ii joogin ayaan ku bakhtiyi waayay, ma maanta oo aan da’daa ahay wadiiqooyinkeedana sida bisadda u ka la aqaan ayaan ku noolaan kari waayayaa?” ayuu yidhi markii uu xabsiga ka soo baxay, mar labaadna guntiga dhiisha iskaga dhigay.

                                                                                                      Ma uu warwareegin, markiiba wuxuu isku sii daayay ninkii ugu xigay dadka maamulka ku jira oo ahaa wasiir kuxigeen. Muddo yar ka dibna waxaa loo magacaabay maamule kuxigeenka dugsigan. Markaa waxaa maamule ka ahaa oday doqon ah, doqonnimadaas oo uu ku la baxay sida aanu wax u cuni aqoon, faraha haddii afka loo geliyana u qaniini aqoon. Markii uu Diiriye dugsiga ku soo kordhay dhawr bilood ka dib ayuu odaygii shaqada iskaga tegay, Diiriye ayaana maamule noqday.

                                                                                                      Ma Diiriye? Sidee buu kaasi maamule ku noqday? ayaa si yaab leh la isu wayddiiyay. Waxay ahayd intii aan yaabku dhammaan.

                                                                                                      Maanta Diiriye maamulenimo keliya ku ma shaqeeyo ee wax kasta oo aan suurtogal ahayn ayuu suurtogeliyaa, xadhiggii Xamar ka xidhmaba isaga ayaa fura, waxii la fahmi waayana fardaamiya. Dugsigiisa oo keliya ma aha ee dano badan oo kale ayuu dadka u soo dhammeeyaa, dugsiyada kale oo dhan iyo ilaa Wasaaradda laamaheeda ka la duwan ayuu socdaa oo dad ku lee yahay, iyo weliba wasaarado iyo xafiisyo kale.

                                                                                                      Arday badan oo imtixaankii fasalka hore ku dhacday ayaa fasalka xiga fadhida, qaar aan dugsi dhexeba dhigan ayaa dugsiga sare fadhiya, mid aan maalin waxbarasho u soo xaadirin ayaa sannad walba gudba, kii ugu damiinsanaa ayaa natiijadii imtixaanka ugu dhibco sarreeya, qaar aan shaqadii qaranka marin ayaa shahaadooyinkii guriga loogu keenay, macallin mucaaradka hubaysan galay iyo mid beri hore dhintayba weli mushahaaradooda waa la qaataa. Waxaas oo dhan waa la arkay, mahaddana waxaa leh Diiriye.

                                                                                                      Waa laga wada dheregsanaa dhaqankiisa waallida ah, waa loo dhug lahaa falalkiisa sharcidarrada ah, laakiin dan laga ma lahayn. Oo maxaa dan looga lahaanayaa, sow dalku sidaas ku ma dhisna, dadkuna sidaas u ma dhaqna? Barayaashu badankoodu sidaas ayaabay ku jecel yihiin, la’aantii in ay gaajo u le’an lahaayeen ayay rumaysan yihiin. Odaygii hore ee doqonka ahaaba waa ay ku ag bakhtiyeen.

                                                                                                      Mar waxaa dugsiga soo maray macallin wadaad ah oo dadaal badan, kaas oo isku dayay in uu tuumbada xaaraanta ah ee uu Diiriye nuugayo dhexda ka dalooliyo. Dacwad ayay ilaa maxkamad isla socdeen, laakiin ugu dambayntii waddada ayuu cabsiiyay, isagii roonaa ayay rogatay, shaqadiiba waa laga eryay, xabbis ayuuba ku sigtay, masaajid iyo mowlac ayuuna ku dambeeyay. Meelahaas ayaa maanta lagu arkaa isaga oo sidii awr dhugatoobay u qufacaya; isaga oo surwaalkii ka weynaaday oo dacas cidhbaha ka dhammaaday cagaha ku jiidaya.

                                                                                                      Sharcidarrada uu Diiriye wado haddii lagu dacweeyo, oo iimaanlaawe kale oo rug booliis ama maxkamad fadhiya la isu la tago, sow laga ma yaabo in uu isaga qudhiisu gar helo? Sow taa markhaati loo ma hayo oo horeba u ma ay dhicin? Miyuu jiraa qof doonaya in uu shaqada waayo ama xabsi galo? Xaaraanba ha iska ahaato ee waxa uu walwalaaqayo sow la la ma cuno, marka laga reebo inta waalan? Ma duddumooyin baa dadku sow dad ma aha oo nolol u ma baahna?

                                                                                                      Barayaasha haddii la hafray, oo wax aan qado maalin u goyn quud looga dhigay, si ay shaqadooda u gutaan, ubadkana u korsadaan, in ay afka wax geliyaan sow xaq u ma leh? Waa foolxumo faraha lagu la wada jiro ee wax ay iyagu ku khasbanaan lahaayeen haddii Diiriye sheyddaan u diray miyaa ay tahay in ay ka dayriyaan? Maxaa markaa dan looga gelayaa?

                                                                                                      Marar badan ayay dhacday in uu macallin ama macallimiini jabhadda Diiriye ka fallaagoobaan. Kuwaas in kasta oo aan go’aanka goonigoosiga ah lagu jeclayn haddana loo ma joojiyo loo mana juuqo. Maxaa loogu juuqayaa miyaa la isjujuubayaa? Dhib Alle ma abuurin. Quwaax iyo qadhaab waxoogaaga uu Diiriye meel dhow iyo meel dheerba ka soo shaqshaqay ninka diidaa isaga ayaa cirka roob ku og, ayay macallimiintu isku qanciyeen. Isaga iyo gaasteri baa isleh, haddiiba aanay qaaxo ku dhicin, sidii wadaadkii hore. Bakhtiguba mar buu xalaal yahay, maanta oo kale. Xilliga la joogaa waa Xaaraamocune.

                                                                                                      Qofka xalaal doonayaa xoolo miyi ha dhaqdo, qofkii xoog isbiday xabbad ha qaato, qofkii xumaan kale u dan lihina annaga yuu nagu xoqan ee madaxtooyada ha aado. Maxaa annaga nalaga rabaa? Ma annaga ayaa askar jaahiliin ah iyo shacbi ka sii jaahilsan talada isugu dhiibnay? Shaqadayada waa in aanu ku noolaannaa, ayay macallimiintu ku doodaan keli kelina ugu fekeraan.

                                                                                                      Qof walba qummanihiisa ayaa qoorta ugu jira. Qof waliba denbiga cid kale ayuu dusha kaga tuuraa xumaha uu qaybta ka yahayna iska riixaa. Barayaashu garasho ahaan waa ay og yihiin in ay waxa dugsigooda ka socda si buuxda mas’uul uga yihiin, laakiin dareen ahaan waa ay isdiidsiiyaan, wax ka qabashana waxay ka door bideen in ay taas Diiriye iyo madaxweynaha ku xantaan. Carabta ayaa ku maahmaahda “Xantu waa dadaalka waxmataraha”. Kartidooda oo dhami waa in ay sidii lo daaq tagtay dugsiga mar ku soo xeroodaan marna ka dareeraan.

                                                                                                      Musuqmaasuqa xadka ka baxay, ee gaadhay heer la xalaashado, ardayda inta ku dulman ayaa aad uga badan inta ku danaysata, sidaas darteed maamulka iyo macallimiinta u ma hayaan wax xushmad ah. Laakiin laba saddex wadaad oo marar isxiga gadoodka akhlaaqeed ka dhex muuqday ayaa helay qaddarinta ardayda, waana sababta uu dugsiga uga bilawday baraarug diineed oo maamulaha welwel geliyay.

                                                                                                      Diiriye waa ishiiqaate, ardayda kuwa uu isleh yahay dheef ka heli maysid qaladaadka ay galaan badanaa dan ka ma galo. Laakiin kuwa uu qoyskooda dhadhamo ku tuhmayo indho gaar ah ayuu u lee yahay, haddii uu marmarsiinyo yar u helana cago dhul u ma dhigo. Marka uu doono marmarsiinyo la’aan ayuuba u weeraraa. Waxaa ku filan in uu arko iyaga oo sigaar cabbaya, ama xisad ka soo yar daahay, ama maalin dugsiga ka maqnaaday, amaba mid barayaasha ka mid ahi dhego adayg iyo dadaal xumo ku soo eedeeyo. Maalintaasi Diiriye waa ciiddiisa. Ardayga inta uu dhegta jiido oo debedda u tuuro ayuu ku amraa:

                                                                                                      “Orod waalidkaa keen!” Waalidkaa keen macnaheeda waa la isla yaqaan, waa lacag ha la ii keeno. Haddii uu arday sabool ah hadalkaas ku yidhaahdo wuu og yahay in uu keenayo waalid xanaaq la qaylinaya, oo isaga qudhiisa la dagaallama, oo ku yidhaahda: “Maamulahaaga mooyee, tuug yahow tuuggu dhalay, car maalin dambe ilmahayga soo eri in aan qoorta kaa goyn waayo!”

                                                                                                      Marar badan ayuu Diiriye dad noocaas ah ku qaldamay kana qoomamooday. Laakiin qoysaska ladan ee carruurtooda jeceli waxay imanayaan iyaga oo leh:

                                                                                                      “Diiriye, ilmahani waa ilmo aakhir samaane, bal maanta uun isaga dulqaado,” xantoobo lacag ahna hoosta uga dhiibaan.

                                                                                                      Si wanaagsan ayuu xaaladda dhaqaale ee ardaydiisa u ka la yaqaan, oo xataa isbeddelka ku soo kordhaya mid mid ayuu u la socdaa. Hadba ka ay qoyskooda dhaqaale xumo ku dhacdo iyo maalintaajirka cusub aad ayuu ugu feejigan yahay. Gaar ahaan fasalka koowaad ayuu sannad walba si gaar ah u ka la xulaa. Wuu jecel yahay sannadka ay dugsiga bilaabaan dhawr arday oo baabuur cadcad subaxdii lagu keeno duhurkiina lagu qaado.

                                                                                                      In uu Sheekh Xasan Sacuudiga ka soo degay Diiriye wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu hor ogaaday. Muxuu u ogaan waayay sow shaqadiisa ma aha? Sow dugsiga laba carruur ahi u ma dhigtaan, Aadan iyo Safiya? Si uu xoogaa uga shaqshaqo waa in uu Aadan iyo Safiya midkood marmarsiinyo u helaa, haddii uu labadaba u helana ka sii wanaagsan. Safiya ayaa se shillalka is’hor dhigtay.

                                                                                                      Mabda’a waxbarashada dalku wuxuu ku dhisan yahay ka la sarrayn la’aan. Taas darteed waxaa khasab ah dhar isu eg in ay ardaydu dugsiga ku yimaaddaan. Dugsiga sare waa surwaal dheer oo balcad ah iyo shaadh cad oo gacmogaab ah. Dahab, masar iyo xarrago kale la ma oggola. Sharcidarro kaleba Diiriye ardayda ha ku maalo, laakiin waxii sharci ah cidda ku soo doonataa iyadaaba ka waalan.

                                                                                                      Goor barqo ah Raage oo xisad ka soo baxay ayaa arkay maamule Diiriye oo xafiiska hortiisa ku la murmaya nin da dhexaad ah oo gadh weyn leh dhar sacuudina gashan. Waa wahaabi ayaa ahaa dareenkii ugu horreeyay ee uu Raage iska helay markii uu wadaadka arkay. Wuu maleeyay in uu arday uu Diiriye eryay u dacwoonayo. Haa, gabadh yar oo buugaag laabta ku haysata ayaa maamulaha iyo wadaadka ag taagan. Shaadh gacmo dheer oo jilbaha jooga iyo maro cad oo ay wejiga mooyee madaxa intiisa kale ku dabooshay ayay xidhan tahay. Raage yarta shakhsi ahaan u ma yaqaan, laakiin muuqeeda dugsiga wuu ku arkay. Dhankoodii ayuu u dhaqaaqay, wuxuuna soo gaadhay Diiriye oo wadaadka ku leh:

                                                                                                      “Haddii aad sharciga dalka u yaal ka weyn tahay orod cidda ay khusayso uga dacwood, haddii kale annaga naguma khasbi kartid sharci aad Sacuudiga ka la timid.”

                                                                                                      “Adigu miyaad shareecada Ilaahay ka weyn tahay? Waxii uu Ilaahay soo dejiyay cidda diiddaa waa gaal. Maxaad markaas meel kale iigu diraysaa sow adigu halkan mas’uul ka ma tihid, denbigeedana ma lihid?” ayuu wadaadkii ku dooday.

                                                                                                      Durba macallinku sababta muranka fahan: wadaadku wuxuu doonayaa in ay gabadhiisu dugsiga xijaab ku dhigato, Diiriyana wuu ku gacan saydhay. Awal isaga ayaa dadka gardarraysan jiray, laakiin maanta laaluush la siiyo iska daa ee godkiisii ayay biyo ugu galeen. Labaduba aad ayay u xanaaqsan yihiin, in ay cidi soo ka la gaadho malaha waa ay u baahnaayeen. Raage isaga oo sidaas wax u arkay ayuu isku dayay in uu dhexdhexaadiyo.

                                                                                                      “Sheekh, maamuluhu wuxuu kuu la hadlay si wanaagsan. Isagu sharciga dalka u yaal ma dejin, markaa waxaa habboon, intii aad macnodarro isugu xiiqi lahaydeen, in aad wasaaradda ama ciddii kale ee shaqo ku leh dacwadaada u la tagtid.”

                                                                                                      Wadaadkii Diiriye oo ay isku daaleen inta uu ka soo jeestay ayuu Raage isku soo rogay.

                                                                                                      “Shukran yaa akhii! Sheekh Xasan baa la i yidhaahdaa ee adiga magacaa?”

                                                                                                      “Raage ayaa anna la i yidhaahdaa, dugsiga ayaan bare ka ahay.” “Yaa akhii, wax kale ma jiraane waa ayo cidda xaq u leh in ay inantayda ku khasabto in ay qaawanaan ku socoto?”

                                                                                                      Diiriye xafiiska ayuu iska galay. Safiya oo sidii ay dhaxamoonayso buugaagtii dhuunta gashatay, hoosna u foororta, doodda iyada ku saabsanna la socota laakiin aan waxba ku darsan karin, ayuu Raage yar milicsaday.

                                                                                                      “Yunifoomka dugsigu qaawanaan ma aha ee horta qalad wax ha u fasirin. Haa, xijaab ma aha, laakiin qaawanaanna ma aha. Midda kale, miyaadan ka garaabayn sharcigani in aanu ahayn mid dugsigan iyo gabadhaada oo keliya khuseeya ee dalka oo dhan ka jiro, cidda fulin weydaana tahay cid sharciga ka leexatay?”

                                                                                                      “Maya, ka garaabi maayo, waayo diin baan ka hadlayaa, idinkuna sharci jinni oo meel laga keenay aan la aqoon baad ka hadlaysaan. Ma jiro sharci aan diinta ahayn oo dad muslimiin ahi ku dhaqmi karaan.” “Laakiin haddii wax la beddelayo waa waajib in loo maro dariiq habboon, ma aha in halkan lagu murmo.”

                                                                                                      Sheekh Xasan hadalka Raage ku ma uu qancin ee qudhiisa wuxuu u arkay sheyddaankii Diiriye ka yaraa. Dooddii wuu beddelay oo wuxuu galay wacdi. Markii uu cabbaar si degdeg ah u hadlay ee xiiqay, ayuu boorso maas ah oo garabka uga lulatay ka soo saaray buug yar oo carabi ah oo Raage u soo taagay isaga oo leh:

                                                                                                      “Mar haddii aad madraso taanawi ah macallin ka tahay carabiga waa taqaan ee soo akhri kitaabkan. Haddii aynu diinta baranno waa aynu tafaahumi lahayn, mushkiladdu waa jahli xaqa inagaga sugan ee barashada diinta aynu ku dadaalno.”

                                                                                                      “Mahadsanid! Waan soo akhriyayaa.” Markii uu Raage ka dhaqaaqay ayuu Sheekh Xasan mar kale xafiiska galay, laakiin Diiriye oo qaylinaya ayaa debedda u soo eryay. Hadal iyo wacdi aan loo baahnayn ayuu wadaaye haddii aanu wax bixin sidee bay wax ugu hagaagayaan? Haddii ay gacantiisu irmaan tahay xijaab iska daaye wax kasta waa loo oggolaan lahaa. Sidaas ayuu isaga oo ciil la liita gabadhii ku kaxaystay.

                                                                                                      ***

                                                                                                      Raage meesha sidaas ah ee uu shaqada ka bilaabay aad ayuu uga argagaxay. Marar badan wuu ka fekeray bal waxa uu arrinta ka qaban karo. Buuq iyo xiisad aan natiijo macno leh dhalayn in uu kiciyo ma uu doonayn, dacwadna in Diiriye horeba loogala quustay maqal. In uu dugsiga ka beddesho wuu ka fekeray, laakiin wuxuu isu arkay gorayadii ciidda madaxa gashatay ee moodday in ay dhuumatay. Mushkiladdu sow ma aha mid dugsi walba iyo goob kasta oo shaqo taal?

                                                                                                      Wuxuu ku tashaday in uu dhan kale uga wareego. Erayo degdeg la isugu maguujiyo iyo weedho sarbeeb ah mooyee isaga iyo Diiriye weli musuqmaasuqa toos ugama ay wada hadlin. Maanta ayuu ku tashaday bal in uu taa isku dayo. Xisad uu firaaqo lahaa ayuu maamulaha xafiiska ugu tegay.

                                                                                                      “Diiriye, waxaa muuqata xaaladda dugsigu in ay meel xun marayso. Dalka oo dhan musuqmaasuq wuu ka jiraa, laakiin u malayn maayo in ay jirto meel halkan la mid ahi. Waa shaqadeenna iyo xilkeenna waxa ay dhibaatadu ka taagan tahay. Sow ma habboona haddaba in aynu arrinta wax ka qabanno?”

                                                                                                      Diiriye shiddaba isma gelin ee inta uu labada gacmood qadaadka ku qabsaday oo dib ugu tiirsaday, ayuu si aad u deggan u yidhi:

                                                                                                      “Aniga shaqadayda dhibaato igama haysato ee taada miyay kaa haysataa?”

                                                                                                      “Waa hubaal labadeennaba in ay inaga haysato. Ma jirto mushkilad ka weyn xilka hawleed iyo akhlaaqeed ee shaqadeenna inaga saaran in aynu dayacno ama ku takrifalno.”

                                                                                                      “Oo shaqadaada miyaad dayacday kuna takrifashay?” Raage si weyn ayuu uga xanaaqay isyeelyeelka Diiriye. Shidaanaba shidan. Qof wax bi’inayaba u ma ega. In uu talo qaato ha joogtee waqtigii wadahadalka wuxuu ku lumiyay jeesjees iyo googgaalaysi. Maalintaas ayuu ka quustay wax ka qabasho habboon oo arrinta