Axkaamta Ramadaanka

Axkaamta Ramadaanka Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Hordhac

Erayga ‘soon’ waa ka-joogsi laga joogsanayo wixi Alle faray in aan la samayn, waana in aad xilli tirsan ka af xidhnaato cuntada, cabbitaanka iyo galmada. Culimada ku horraysa luuqadda Carbeed waxa ay ka soo dheegtaan aayadda ka warramaysa Maryan bintu Cimraan kolkii ay ka aamustay hadalka inay wax tilmaanto mooyee, ee tolkeedna su’aashii ku soo celceliyeen, ayey si kooban ugu tidhi, “Waxa aan Ilaahay nidar kula galay soon.” Culimadaasi waxa ay yidhaahdaan waxa ay ka joogsatay hadalkii; sidaa darteed ayey u adeegsatay odhaahda ah soon iyadoo ula jeedda aamusni. Markaa haddii ay ka joogsigii hadalka u adeegsatay erayga soon innaguna waxa aynu u qaadanaynaa in eraygaasi yahay ka joogsi laga joogsanayo wixi Alle faray in laga joogsado, gaar ahaan xilliyada Ramadaanka iyo xilliyada kale ee qofku Alle u sooman yahay. Shanta tiir ee dhidibbada u haya diinta Islaamka mid ka mid ah weeye soonku, haddii meesha laga saaro tiirkaasna diintu la’aantii noqonmayso mid dhammays tiran, waana tiirka afaraad ee Islaamka. Sannadka Islaamka waa bisha ugu qiimaha badan ee la tirsado Ramadaanku, waana bil sidata dheeraad ay ku kaliyeysatay, sidaa awgeed ayey ku mutaysatay inay ahaato bil ka khayr badan bilaha kale oo dhan. Soonku waxa uu bilaha kale ku dhaafay waa gudashada af-xidhnaanta soddonka cisho ah, lagana af xidhan yahay cabbitaanka, cunitaanka iyo dhammaan wixii kale ee aan marka horeba bannaanayn, taas oo aanay jirin bil la wadaagta. Af-xidhashadaasi waa waa tiirka ugu muhiimsan ee ay leedahay bishani, waana ta keentay in Alle SWT ku doorto inuu si gaar ah u sheegto bishan sida ku sugan xadiis-qudsiga, “Waxqabad kasta oo ina Aadan la yimaaddo isagaa leh soonka mooyee, kaana anigaa leh (soonka), anigaana ka abaal celinaya.” Hadalkaa Alle SWT waxa laga dheegan karaa inay la gaar noqotay bishani sirta ah in qofka af-xidhan iyo Alle SWT uun ay is og yihiin. Waayo qofka tukanaya waa la arkaa tukashadiisa, qofka wax sadaqaysanayana waa la arkaa haba arko ka uu siinayaaye, sidoo kale ka xaj gudanaya isna maaha mid qarsoomaya se ka af-xidhan isaga iyo Allihii uun baa is og, waana ta keentay in Alle SWT sidaa u soo dhawaysto. Bishani maaha bil ugub ku ahayd soo saaristii ergaygii ugu dambeyey ergooyinkii Alle ‘Muxammed’, hase ahaate, waa bil la yaqaanay oo ergooyinkii hore ba ummadahooda fari jireen. Eeg aayadda Alle SWT ku leeyahay, “Kuwa iimaanka laga helayoow waxa korkiina lagu waajibiyey soon, sidii kuwii idinka horreeyey ba loogu waajibiyey si aad u baqataan.” Halkaa waxa aad ka arkaysaa in arrinta ugu weyn ee loo amray samaynteedu tahay in Alle laga baqo. Haddaba bishani waxa ay leedahay tiirar ka kooban waajibaadyo iyo sunnayaal guntin u ah gudashada cibaadadaa Alle SWT. Bal aynu soo hor marino waxyaabaha soomka waajibiya:

Waa ayo cidda soonku ku waajibayo?

  • Qofku waa in uu Muslim yahay
  • Qofku waa in uu qaangaadh yahay (qof aan qaan-gaadh ahayn laguma laha soon balse haddii uu karayo loo diidi maayo)
  • Qofku waa in uu miyir qabaa oo maskax ahaan uu dhan yahay
  • Qofku waa inuu awood u leeyahay soonka (waxa meesha ka baxaya qofka da’da ah, ka xanuunsanaya, haweenayda uurka iyo ta jaqsiinaysa)

Hadmaad soomaysaa, maxaa se lagaa rabaa?

  • In la arko dhalashada bisha Ramadaan. Rasuulku waxa uu yidhi aragti ku sooma, aragtina ku afura. Waxa kale oo uu yidhi, “Haddii bishu idinka qarsoonto Shacbaan dhammaystirta.”
  • Niyadda: Waa in niyad uu qofku la yimaaddaa oo uu go’aansadaa in uu soomayo. Rasuulku wuxu leeyahay camal dhammaantii waa niyadda.
  • In aad ka afxidhnaato cunista iyo cabbista (ahmiyadda ugu weyn ee soonku waa in anaad la iman cunis iyo cabbis).

Maxaa sunne ah?

  • In laga tago hadallada bilaa macnaha ah. Rasuulku ﷺ wuxuu lahaa, “Qofka aan joojin hadalka bilaa macnaha ah Alle dan iyo muraad kama laha inuu sooman yahay iyo in kale.” Waxaa halkaa laga fahmayaa in soonku u baahan yahay in laga ilaaliyo hadalka bilaa micnaha ah iyo kiisa xunba. Mar kale waa kii Rasuulku ﷺ lahaa, “Haddii lagu gardaraysto waan soomanahay dheh oo iska dhaaf.” Micnuhu waxa weeye soomkaaga ilaasho oo wixii cay iyo dagaal ah ka dheerow.
  • In la dedejiyo afurka: Rasuulku ﷺ wuxu yidhi, “Wali dadku khayr ayey ku sugan yihiin inta ay dedejinayaan afurka.” Qorraxda marka la hubsado in ay dhacday waa in la afuraa oo aan dib loo dhigin lana dhayalsan In dib loo dhigo suxuurta: Xadiiska aynu kor ku xusnay waxa ka mid ahaa in khayrku ku jiro in suxuurta dib loo dhigo, waana sunne fiican. Se khayr kuma jiro qofku in uu cashada iyo suxuurta is raaciyo. Muhiimadda laga leeyahay dib-u-dhigista suxuurtu waa in aan laga seexan salaadda subax.

Maxaa soonka jabiya?

  • In aad diinta ka baxdo, waxa kale oo ka mid ah haddii qofku uu diinta caayo ama Alle iyo Rasuulkiisa caayo, soonkiisii iyo islaamnimadiisiiba way burayaan, waxaana looga baahan yahay inuu dib u islaamo
  • In aad cunis iyo cabbis u kas ah la timaaddo
  • In gabadha caadadu ka timaaddo
  • In aad niyadda ka jabiso (tusaale ahaan tidhaah maan iska jabiyaa)
  • Inaad si ula kac ah iskaga hunqaaciso
  • Inaad galmo la timaaddo maalin Ramadaan si u kas ah
  • In aad biyaha taranka gacantaada isaga keento ama si kale ba isaga keento.

Maxaa karaahiyo ah marka aad sooman tahay?

  • In aad soonto maalinta shakiga (sida in la arki waayo bisha, Shacbaanna aan la dhammaysan
  • In aad soonto sannadka oo dhan.

Maxa lagaaga baahan yahay marka aad sooman tahay?

  • Inaad badiso xuska Alle SWT sida Qur’aan akhris badan, digri badan iyo duco badan ba. Inaad wakhtiga ilaaliso (waa in aanu wakhtigu kugu dhaafin inaad lumiso sida adoo ciyaaraya ‘game, dubnad, laadhuu iyo shax’. Ogow in culimada qaar dubnadda laadhuuda iyo shaxda sidooda u xaarantimeeyaan, markaa in wax laysku haysto aanu soonkaagii kugu dhaafin waa dardaraan).
  • Inaad badiso salaadaha sunnayaasha ah, waxa dhacda in dadka qaar salaadda tahajudka u kacaan, salaadda subaxna ka seexdaan, taasi maaha mid bannaan.
  • Inaad sadaqada badiso, sida adiga oo afurinaya qof sooman ama wax siinaya qof baahan.

Waa ayo dadka soonka laga fududeeyey?

  • Qofka gaboobay (qofka gaboobay waxa ku waajib ah in maalin wal ba u miskiin quudiyo, waxaana laga bixinayaa mud (laba kilo iyo badh) raashin ah ama qof sooman ayuu afurinayaa. Hadduu doonana hal maalin ah ayuu soddon miskiin wada afurrinaya)
  • Qofka xanuusanayaa (qofka xanuusanaya haddii la rajaynayo inuu ka kaco wuu soo qallaynayaa, haddii aan rajo laga qabin inuu ka bogsan karo xanuunka isna sida qofka gabowga ayaa laga afurrinaya) Qofka socotada ah (musaafirku isagu wuu iska afurayaa hadhowna wuu soo qalaynayaa).

Muxuu qofka soomani ku afurayaa?

Waxa sunne ah inaad ku afurto timir, oo Asxaabigii Anas Rc wuxu yidhi xadiiska uu wariyey, “Rasuulku ﷺ wuxu ku afuri jiray dhawr xabbo oo timir ah.” Sidoo kale Rasuulku ﷺ wuxuu ku dhiiri galiyey Asxaabtiisa inay timirta ku afuraan, sidaa awgeed waxa sunne ah in timirta lagu bilaabo afurka, timirtuna waa geed sonkor dabiici ah leh, sida macmacaan yada macmalka ahna aan keenin wax cillad ama xanuuna, culimada caafimaadku waxa ay dhiri galiyaan ku afuridda timirta iyagoo sheega caloosha madhani inay ka helayso tamar wax ku ool ah, sidoo kale aanay caloosha galayn wax cillad ahi haddii lagu afuro timir iyo biyo.

Faa’idooyinka Timirta

Timirtu waa geed loo bogay guud ahaan manaafacaadkiisa, gaar ahaanna macaankiisa. Waxa lagu ammaanay Diinta Islaamka marar badan, yadoo sidoo kale uu Rasuulku ﷺ ku arooriyay ummadda inay cunaan. Si gaar ah, waxay u wanaagsantahay marka uu afurayo qofku. Haddaba, waxa muhiim ah inaan ka eegno xagga Sayniska iyo faa’idooyinka uu daah-furay ama ku sheegay in timirtu ay leedahay. Timirtu waxa loo adeegsan karaa: cabbitaan ahaan, midho ahaan, khudrad ahaan iyo tamar ahaan ba. Waxay tiraabeen Saynisyahannadu in ay afar-laab laga helo tamarta laga helo tufaaxa; toddoba-laab tamarta laga helo liinta; saddex-laab tamarta laga helo shamaamka. Daraasado badan ayaa muujiyay in cunnidda timirtu aad ka quudato maalintii 7 xabbadood ay (100 garaam oo timir ah) ay daboolayso baahiyaha maalin laha ah ee uu jidhku uga baahanyahay macdanaha: magniisiyam, manganiis, ayroonta, bataasiyamta iyo sidoo kale kaalsiyamta. Intaa waxa dheer in timirtu ay ka kooban tahay jaadadka kala duwan ee faytamiinada ee jidhku u baahanyahay. Tusaale ahaan, waxa laga helaa faytamiin A, faytamiin-Bii (weliba waa Faytamiin-Bii2 ama Riboflavin qofba siduu u yaqaano, thiamin). Waxaan isna aan meesha ka maqnayn Foolik faytamiinka la yidhaahdo. (Dadka qaarna u yaqaanaan faytamiin-Sii). Ku darsoo, timirtu waxay ka kooban tahay maaddo muhiimaddeeda aan ka wada dharagsannahay – fuluwariin. Ta ka sii daran waa in shan-laab qaddarka fuluwariin ee laga helo midhaha laga helo timirta. Waxaad ka war-qabtaa akhriste in dawada aan ku cadayanno ay ku jirto fuluwariin. Sidaa si la mid ah, waxay ku jirtaa timirta – suus ilkaha gala innagga dheer haddii aan quudanno, bi’idnillaah. Dheef-Shiidka: Timirtu waxay si mug leh uga qeyb qaadataa dheef-shiidka qofka yadoo dar-dargelisa si dhakhso ah inay u gutaan hawshooda xubnaha loogu talo galay. Si gaar ah waxay ugu habboon tahay qofka sooman. Tusaale ahaan, marka uu cunno xabbadda ugu horreysa ee timir ah ayaa waxa soo noqda boqolley sarreysa oo tamartiisa ah, waxa si tartiib ah u bilaabma dheef-shiidkiisa; waxaana tiraab suuban laga helaa afkiisa udgoonku ka burqanayo. Nebiga SCW waxa ka sugan inuu yidhi, “Midkiin kolka uu afurayo, ha ku afuro dhawr xabbo ah timirta rudubka, haddii aanu heysanna timir, haddii aanu helayna biyo; biyuhu waa daahir ee.” Ka hor-tagidda cudurro badan: Waxa hubaal ah in timirtu ka hortagto cudurro badan qaar kalena daweyso. Tusaale ahaan, timirtu waxay baabi’isaa dhagaxaanka kalyaha geli raba; waxay ka hortagtaa madax wareerka; waxay ay hortag weyn u tahay kansarka; waxay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuushaa sidii ay meesha uga saari lahayd xaasaasiyadda; waxay horumar baaxad weyn ka muujisaa isku buuqa ku dhaca gaalada yadoo u horseeda daganaan ku meel gaadh ah; waayo Iimaankii weynaa ayaaba ka maqan marka horeba. Cunnida timirtu waxay faa’ido togan oo taam ah u leedahay odayaasha. Waxay si deg-deg ah u daajisaa muruqyadooda, yadoo sahasha in si fudud muruqyadoodu u kala baxaan; isuguna soo ururaan. (Muscle relaxation and contraction). Firfircooni xad-dhaaf ah ayuu dareemaa gadh-caska guri jooga ah; talo laga sugeenka ah. Faa’idada koritaanka caruurta ay u leedahay timirtu: Koritaan deg-deg ah ayay bilaabaan caruurta cunta timirta. Faytamiin A da ku jirtaa wuxuu dardar galiyaa aragga caruurta. Waxa ay timirtu muhiim u tahay sidoo kale hooyada kolka ay leedahay uurka. Timirtu muddadan waxay hoos u dhigtaa werwerka, walaaca iyo walbahaarka soo waajaha hooyada. Kolkay umusho laftigeeda kama maaranto hooyadu.

Afurinta qof sooman ajar ma leedahay?

Inaad afuriso qof sooman oo aad cabbitaan iyo cunto siiso waxa ku jira abaal marin aad iyo aad u weyn, waana arrin Rasuulku ﷺ dadka ku booriyey kuna dhiiri galiyey. Rasuulka ﷺ waxa ka sugan inuu yidhi, “Qofka afuriya qof sooman wuxuu leeyahay ajarkiisa iyo ajarka qofkuu afuriyey.” Culimadu way ka hadleen oo waxay yidhaadhdeen ajarka qofka sooman ee la afuriyey laga qaadi maaye ajar kaas oo kale ayaa la siinaya kan wax afuriyey. Sidaa darteed waa mihim in haddii awood loo leeyahay lagu dedaalo in la afuriyo dadka aan waxba haysan, qofka la afuriyeyna farxad ayey u tahay ka wax afuriyeyna ajar wayn ayaa ugu sugan.

Ma soomayaan haweenayda uurka leh iyo midda jaqsiinaysaa?

Haweenayda uurka leh iyo ta ilmaha jaqsiinaysaa cafimaad ahaan ayaa loo yidhi hayska cunaan, waxa loo danaynayaa ilmaha uurka ku jiraa ama ilmaha ay jaqsiinayso ama iyada qudheeda oo laga ilaalinayo caafimaad ahaan inay is dhinto. Sida daraadeed ayaa la yidhi yaanay soomin ee hayska cunaan, se waxa u furan laba mid; inay soo qallayso intii ka tagtay ee Ramadaan ah, waana ta ugu wanaagsan ee ay waajibka isaga ridayso, taasanay culimo badani ku tagsan yihiin oo ay leeyihiin waa waajib. Mar kale, culimada qaar waxay yidhaahdaan haddii aanay karayn inay soo qallayso dad bay afurin kartaa ama sadaqo ayey bixinaysaa sida qofkii gabowggu hayey iyo kii xanuunsanayey oo kale, mid se ogow waxa ka xoog badan in la soo qalleeyo.

Miyey jiraan wax aan cunista iyo cabbista ahayn oo soonka jabiyaa?

Waxa soonka jabiya wax kasta oo leh macnaha cunis iyo cabbid ee uu gudba qofka gudihiisa, waxaana arrintaa caddaynaya xadiiska Rasuulka ﷺ, “Ku xeel dheerow sandaarsiga haddii aanad ahayn mid sooman.” Halkaa waxa aad ka arkaysaa haddii aad sooman tahay in aanad sandaarsiga ku sii fogaanayn oo aanad isku fogaynayn sandaarsiga, waana daliil muujinaya qofka ay biyuhu gudaha u galaan inu soonkiisu jabayo, yaanay ahaan ba kuwa afka laga isticmaalo ee cunis iyo cabbis ah. Waxa taas la mid ah faleebooyinka loo isticmaalo qofka ee xididka lagaga quudinayo, oo afka sanka ama meel jidhkiisa ka mid ah lagaga xidho, taas oo aanu qofku dareemayn gaajo iyo haraad toonna, oo uu helayo faleebo cunto iyo cabbis ba iskugu jirta oo awood uu kaga maarmo siinaysa, sidaa darteed uma bannaana in qof sooman uu isticmaalo isagoo ku jira gudashada soonka dhexdiisa. Waxa kale oo iyaduna la mid ah faleebooyinka laysku xidho inuu qofku qaato sida faleebada dhiigga oo la yidhaah dhiig ayaa lagu shubayaa isago sooman, maaha wax bannaan, sidoo kale dheecaanada nafaqada ee ka kaxaynaya inu gaajo ama haraad dareemo maaha wax bannaan iyaguna. Arrimahaa aynu kor ku soo xusnay waxa ay meesha ka saarayaan ahmiyaddii soonka ee ahayd in qofku Alle SWT dartii u dareemo surmi iyo gaajo, taas oo qalbigiisa ku dhalinaysa inuu baqasho sameeyo ah horta yaad u sooman tahay ee aad u gaajeysan tahay? Maxaad ku helaysaa tawskan ama gaajadan adag ee aad ku jirto?. Hubaashi su’aalahaasi waa mid qalbigiisa goojinaya, hir fogna ka tusaya abaal-celinta Alle SWT.

Biyaha taranka oo la iska keeno soonka miyay jebiyaan?

Haddii qofku si ula kac ah isaga keeno biyaha taranka, waxa buraya soonkiisii, waxana lagu leeyahay qallo maalinkaas ah, se haddii si aan iska keenis ahayn ay kaaga yimaaddaan, tusaale adiga oo hurda oo aadan is ogayn, soonkaagu maaha mid jabaya. Biyaha taranka haddii aad gacantaada isaga keento iyo haddii fara-ka ciyaar xaaskaaga aad la samayso kaaga timaad waa mid jabinaysa soonkaaga.

Ma jiraan wax la isku khilaafsan yahay in ay soonka jabiyaan?

Hadduu qof bixiyo dhiig isagoo sooman waa arrin laysku khilaafsan yahay oo culimada qaar waxa ay leeyihiin, “Waxa daciifaya awooddisii isagoo marka hore ba iska daciif ahaa soonka dartii, sidaa ajligeed ma bannaana,” culimada qaarna waxa ay yidhaahdeen, “Way bannaan tahay hadduu qofku karayo kamana jabinayso soonkiisa,” waana sida loo badan yahay. Dadka xiiqda qaba naqaska ay afka ka qaatan soonka ma jabinayo sida loo badan yahay. Qofka maalin Ramadaan istooba waxa loo badan yahay in aanu ka jabayn soonku.

Ma jiraan shuruudo kale oo haddii la sameeyo soonku jabayo?

Haddii qofku isaga oo aqoon u leh arrimaha aynnu kor ku soo xusnay midkood sameeyo wuu ka jabaya soonku. Haddii uu isaga oo xasuusan inuu shaygani soonka jabinayo uu la yimaaddo isna ka sare uun buu la nooc yahay oo wuu jabayaa soonku. Haddii qofku xorriyaddiisa kula yimaaddo wax soonka jabinaya oo uu aqoon u leeyahay oo aan lagu khasbin wuu ka jabayaa isna soonku.

Ilaalinta carrabka iyo wakhtiga

Carrabku waa xubin mihim ah oo Alle ugu deeqay bani’adamka, waana mid ka mid ah waxaynnu kaga duwannahay noolaha kale, xubinkani waxa uu ka mas’uul yahay dhawaq kasta oo kaa soo baxa hadduu sanyahay iyo hadduu xunyahay ba, sidaa darteed ayuu Rasuulku ﷺ u yidhi, “Yaa laba ii ballan qaadaya ilaalintooda ana u ballan qaadaa janno”, waxa ka mid ah carrabka. Carrabku isaga ayaa innoogu filan janno iyo naar kaynu gali lahayn, markaa waxa mihim ah in aynu ilaashano carrabka oo wax Alle SWT oggalyahay innaga soo baxo. Wakhtigu isna waxa uu ka mid yahay nimcooyinka Alle SWT innoogu deeqay, waana wax aynaan ku baraarugsanayn, Rasuulku ﷺ waxa uu lahaa qofna labadiisa gomadood Illaahay SWT hortiisa kama dhaqaaqayaan illaa afar wayddiimood la wayddiiyo, laba kamid ahi waa wakhtiga. Halkaa waxaynu ka arkaynaa mihimka ay leeyihiin ilaalintoodu, marwalba in la ilaaliyo waa wax innagu waajib ah, xilliyada khayrka badan sida Ramadaan oo kale in la sii xoojiyana waa sunne khayr badan laga helayo. Sidaa aynu ugu baraarugsanaanno ilaalintiisu waa midda ka kaliya ee aynu kaga badbaadayno Alle SWT hoojintiisa. Mucaad Ibnu Jamal Rc ayaa Rasuulku ﷺ ku yidhi, “Miyaa lanoo qabanayaa waxaannu ku hadalno,” dabadeed Rasuulku ﷺ intuu carrabkiisi qabtay ayuu ku yidhi, “Hooyadaa kaa goblantay Mucaadow, dadka wajiyadooda madaxa ma wax aan ahayn waxa carrabkoogu ku hadlaa loogu tuura.” Waxaynu halkaa ka arkaynaa carrabku in uu yahay waxa samaha iyo xummaanta inoo soo jiida, haddii waxaynu ku hadlayno yahay wax Alle SWT raali galinnayn sida xadiiska ka muuqata ayeynu waxaynu ku galabsannay naar ku galaynaa. Illaahay isaga oo inoo baanaya wuxu ina leeyahay “Miyaanan u samayn laba indhood, carrab iyo labadiisi daan.” intan aad ku socota ba ee aad wax ku arkaysaba annagaa leh. Sidoo kale carrabkan iyo labada daan ee isu hagaajiya ama isu toosiya hadalka annagu miyaanan ku siin weeye su’aashu, haa Allow adaa na siyey, sidaa awgeed waxa innala gudboon mahadcelin. Ilaahay SWT mar kale wuxu innoogu baanay inuu ina siiyey carrab hadalka soo saara, “Wuxu idin baray hadalka.” Ogow mar kasta oo aad hadal maqasho waxa hadalka soo saara waa carrabka, kaas oo aynu ku kala duwannahay makhluuqaadka kale. Sidoo kale Alle SWT wuxu inoo sheegay eray kasta oo afkeena ka soo baxa inuu yahay mid guntan oo la qorayo, “Kama soo baxo hadal ‘afkooga’ illaa waxa tirinaya oo ogsoon Malaa’ig.”

Qofka sooman akhlaaq caynkee ah ayaa looga baahan yahay?

Akhlaaq marka laga hadlayo waa habdhaqanka qofka oo toosnaada, waana mid diintu dhiirigalisay in lala yimaaddo, iyadoo dadka ku tartansiinaysana u tilmaantay in maalinta qiyaame sida loo kala akhlaaq roon yahay loo kala darajo sarrayn doono waxaana taa muujinaya xadiiska sugan ee Rasuulku ﷺ leeyahay, “Waxa Mu’miniinta ugu darajo sarreeya kooga ugu akhlaaq wanaagsan.” Hubaashii habdhaqanka suubani wuxuu qofka gaadhsiiya sarreedo aan salaad badnaan iyo soon badnaan lagu gaadhin. Waa habdhaqan uu hormood ugu ahaa ummadda Rasuulku ﷺ miyaanad arag marka Alle leeyahay, “Waxa kuu sugnaatay akhlaaq sarraysa.” Sidoo kale Caa’isha Rc ayaa mar la waydiyey habdhaqankii Rasuulka ﷺ waxay ku tidhi, “Habdhaqankiisu wuxuu ku salaysnaa Qur’aanka.” Rasuulku ﷺ wuxuu ahaa mid horseed u ah ku dhaqanka diinta sidaa darteed qofka ugu hor dhaqma ayuu ahaa. Habdhaqanka tolmoon waxa lagu gartaa af gaabni iyo dhawrsanaan sidaa ajligeed ayaa ergaygii Alle SWT lagu sheegi jiray inuu ahaa mid tilmaamaha ku suntan, xadiis ka suganna wuxu ahaa, “Alle wuxu ugu jecel yahay dadka qofka aan hadalka badnayn, wuxuna ugu neceb yahay qofka hadalka badan ee bilaa murtida ah.” Qofka sooman akhlaaq caynkee ah ayaa looga baahan yahay? Habdhaqanka sare waxa ka mid ah sida aynu soo sheegnay xishoodka, xishoodka ugu dunsani waa ka qofku Alle SWT ka xishoodo. Rasuulka ﷺ oo maalin la hadlaya asxaabtiisi baa ku yidhi, “Waar ka xishooda Alle, xishood dhab ah,” inta ay naxeen saxaabadi ayey si degdeg ah ugu falceliyeen, “waanu ka xishoonnaa Rasuul Allow,” intaa markii ay yidhaahdeen buu haddana ku yidhi, “Xifdiya madixiina iyo intuu koobsaday, xifdiya calooshiina, badiyana xusuusnaanta geerida.” Billaahi calaykum xadiiskaasi muxuu inoo reebay, haddii lagu yidhi xifdi madaxa iyo intuu koobsay; waa indhahaagu yaanay eegin wax aan Alle SWT raali ka ahayn, dhegehaaguna yaanay dhagaysan wax Alle SWT necbaysanayo, calooshaada yaanay gelin xoolo aan xalaal ahayni weeye. Sidoo kale badiya xusuusta geeridu na waa ha isa siin noloshan, maalin aadan is ogayn ayey geeridu kuu iman kartaa, saacad aadan ogayn ayey naftu kaa bixi kartaa, mar walba waa in diyaar u noqotaa geerida.

Soon aan salaad lahayn ma la aqbali karaa?

Erayga Salaad luuqaad ahaan waa duco, dhanka shareecadu adeegsatana waa cibaado khaas ah oo Alle SWT addoomihiisa amray inay sameeyaan. Salaaddu waa tiirka labaad ee tiirarka islaamku ku taagan yahay. Waana tiirka kali ah ee Alle SWT soo waajibiyey isagoo ergaygiisi Muxammed ﷺ uu dunida sare la jooga. Sida ka sugan ergaygii Alle, maalinka qiyaamaha waxa ugu horreeya ee la iska xisaabinayaa waa salaadda, haddii qofka salaaddiisu u hagaagto waxa u hagaagaya camalkiisii kale oo dhan, se haddii ay ka xumaato salaaddu qofkaasi khasaare ayuu ku sugan yahay, waxana sabab u ah camalkiisii ayaa xumaanaya. Sidaa awgeed salaaddu waa tiir ka culus soonka. Salaaddu qofka ooga waxa ay u keenta xasiloonni iyo degenaan, taaso haddii uu markiisi hore ahaa mid qalafsani u dhashay ka dhigta mid ka miirta dabeecaddiisi adkayd, sidoo kale salaaddu waxa ay qofka ka hurguftaa xumaha iyo joogtayna caasinnimada. Alle SWT wuxu yidhi, “Salaaddu qofka waxa ay ka reebta dambiga iyo macsida.” Qofkii intaa iska waaya waxa khaldan qaabka uu u oogo salaadda ee haysku noqdo, mihimku waa in qofku ogaado in salaaddu ka hor joogsanayso qofka xumaha oo dhan, taasna qofku waxa uu helayaa marka uu arkaanteedii la yimaad sidoo kale Alle SWT ka cabsiga badiyo. Kolka laga hadlayo salaadda: arrinka ugu mugga weyn ee lagu kala garto qofka iyo diintiisa, ergeygii Alle waxa uu yidhi, “Annaga iyo gaalada waxa noo dhaxaysa salaadda, qofkii ka tagaana waa gaaloobay.” Xadiiskaasi waxa u si cad u qeexaya dhanka lagu tirinayo qofka ka taga oogista salaadda. Saxaabadi Rasuulku ﷺ barbaariyey dhaqankoodii wuxuu ahaa in ay qofka ku qiimeeyaan salaadda, ka ka tagana aanay xayn-daabka Islaamnimo ku soo dari jirin. Fahamo kala duwan oo laga soo saaray hab adeegsiga xadiiskan ayaa culimo badani ku kala tageen, culimada qaar waxa ay soo guuriyeen hadalkii Taabicigii Suhri ee ahaa, “Gaalnimada laga hadlayaa maaha tii waynayd ee waa gaalnimo ka sokeysa gaalnimada weyn,” Hadalkaa waxa ku tagay culimo badan oo hore iyo dambe ba lahaa. Hase ahaatee culimada ganafka ku dhufatay hadalkaa ayaa iyaguna leh, “Xadiiska in laga fahmo qofka salaadda ka tagaa inu gaal yahay waa fahamkii Saxaabada, Taabiciintii waaweynayd, Imaam Suhri na waa Taabiciintii yaraa (oo wuxu ka mid ahaa taabiciinti dambe oo ma soo gaadhin Saxaabada waawaynayd badankooga) markaa fahamka lagu midaysan yahay aynu ku tagno.” Aayaddo badan baa ku soo degay qiimaha iyo abaalcelinta Alle SWT qofka ooga salaadda u leeyahahy. Ugu horayn Alle SWT wuxu yidhi, “Salaaddu waxay u tahay Muminiinta wakhti go’an.” Maaha jaanta rogan in aad ka dhigtoo xilligi aad doon taba aad tukato, se waa wakhti la jaan goyey oogisteedu. Rasuulka ﷺ oo bushaaro nololeed ku iftiminaya oogsiteedu na wuxu yidhi, “Salaadaha shanta ah iyo jimce ilaa jimce lagu gaadho, waxa ay tirtiraan dambiyada yaryar haddii aan lagu darin dambi weyn.” Xaqiiqdii iska daa in aad ajar ka heshide adigii baa lagu leeyahay dambi yadii kale ee kaa dhacayey na way masaxaysaa. Salaadda oogisteeda marka aynu ka hadlayno waxa ay leedahay Shuruudo, Arkaan iyo Waajibyaal haddii mid ka mid ah aad ka tagto salaaddada inay xagga Alle SWT u gudubto laga baqo qabo. Rasuulka ﷺ wuxu yidhi, ”Qof lixdan sannadood tukanayey baa iman doona isagoon hal salaad laga aqbalin.” Waa yaabe, lixdan sannadoodna wuu tukaneyey salaad kaliyana lagama aqbalin waa maxay tallow?. Inta aynu kor ku soo sheegnay unbuu khaldayey. Sidoo kale Rasuulka ﷺ oo misaajidkiisi xagga dambe ka fadhiya ayaa nin soo tukaday salaamay, inta uu salaantii ka qaaday ayuu u raaciyey, “tuko maad tukane,” ninkii inta uu degdeg u noqday ayuu haddana soo tukaday Rasuulkuna ﷺ intii unbuu ku celiyey. Mar saddexaadkii ayuu ku yidhi, “Rasuul Allow intaa in ka badan garan maaye maxaan sameeya.” Ninkaasina intaa aynu kor ku soo sheegne Shuruud, Arkaan iyo Waajibyo ah un buu khaldayey. Markaa ansixidda salaaddada waxa kow ka ah in aad barato wixi salaaddadu ku ansax noqonaysay. Haddaba halkan waxa aynu wax yar ka tilmaami doonna Shuruudaha iyo Arkaanta Salaadda ee aynu soo tilmaanay.

Shuruudaha Salaadda waxa ka mid ah:

  • Muslim (gaalka salaadda waxa uga horaysa inu Ilaahay SWT rumeeyo)
  • Dahaara-qab (haweenayduna ka dahaara qabto dhiga cadada, dhabar furanka iyo dhiiga dhalmada ka dambeeya)
  • Gaadhista wakhtiga salaadda
  • Miirqab
  • Qaan-gaadhnimo
  • Waysa-qabnimo
  • Jihada oo aad u jedsato

Arkaanta Salaadda waxa ka mid ah:

  • Takbiirta (inaad Salaadda Allaahu Akbar ku xidhato)
  • Akhrinta Faataxada
  • Rukuucda iyo inaad ku xasisho
  • Kasoo toosidda rukuucda iyo inaad ku xasisho
  • Sujuudda iyo in aad ku xasisho
  • Markaad ka soo toosdo sujudda ina aad ku xasisho
  • Fadhiga dambe.
Sidoo kale salaadaha Jimcaha, Ciidda, qorrax- ama dayax-madoobaadka, roob-doonta, janaasada, iyo musaafirku waxa ay leeyhiin qaab gooni ah oo loo tukado, qaabkaa oo ka sugnaday Rasuulka inu u tukaday.

Dad-la-dhaqanka marka aad tahay qof sooman

Diinta Islaamku waxa ay ka soo dhex baxday bulsho aan xaddaarad iyo ilbaxnimo lahayn, sidoo kale hab maamulkii jiray xilligaa aan la jaan hayn, wax soo saarkii dunida loogu kala gooshayeyna aan iyadu waxba ku darsan jirin, hase ahaate tokhoogu ahaa mid gidaar lala soo taagan yahay. Hab maamuskooda waxa u bud-dhig u ahaa tolnimada, ninkii laandheera ah uun baa magaalada sidu doono u dhex marayey wuxu doonana ka dhex samaynayey. Ninkii laga itaal roon yahayna wuxu ahaa mid dibinta uun iska ruuga oo aan wax kale samayn karayn. Markii islaamku soo baxay ayaa dadki diintii u sinnaadeen, Rasuulka ﷺ waxa wada rumeyey haldoorkii Quraysh sida Abu Bakar iyo Cusmaan, sidoo kale waxa rumeeyey addoomo la lahaa sida Bilaal oo kale. Rasuulku ﷺ isku si uun buu ula dhaqmi jirin midna ma soo dhawaysan jirin midna ma fogayn jirin raggaa wada rumeyey. Dad la dhaqankaasi wuxu horseed u noqday intii la liidi jiray inay gabood ka soo dhigtaan diinta oo ay ka helayeen sinnaan, taasana saldhig u ahayd inay hal daba la’ u soo galaan diinta qof kasta oo hoos loo eegi jiray ba. Boqor ka mid ahaa boqoradii ka talin jiray jasiiradda Carbeed ayaa soo diray nin ergay si uu uga soo xog bixiyo Nabigan la sheegayo inuu soo baxay. Dabadeed ninkii la soo diray ayaa markuu ku noqday kii soo diray ka jawaab celiyey wixii uu soo arkay, wuxuuna yidhi, “Hoggaamiye kasta ciidankiisu way kohdaan se ninkaa ‘Nabiga’ asxaabtiisu aad bay u jecel yihiin, iska daa wax kale candhuuftiisu inay dhulka ku dhacdo uma ogola.” Sidoo kale raggu Rasuulku ﷺ soo saaray, dhaqankaa mid la mid ah bay la hayeen, Cumer ibnu Khaddaab xilligu talada Muslimiinta hayey waxa dhacday in sidoo kale boqor uu soo diray ergay xaggiisa ka socday si uu Cumar farriintiisa ugu gudbiyo. Ergaygii boqorka ayaa magaaladii Madiina soo gaadhay, wuxuu islahaa xarun madaxtooyo ayaad ka heli ninka ummadda Muslimiinta u taliya, e wuxuu magaaladii ka waayey guri ka duwan kuwii magaalada ku yaallay, markaas ayuu bilaabay inuu dadka waydiiyo Cumar halka uu joogo, qof kastaa wuxu ku yidhaa, “Mar dhawayd halkan buu joogee meelaha ka eeg,” illaa nin u su’aalay ku yidhi wakaa geedkaa hoos jiifa. Ninkii markuu arkay Cumer oo geed iska hoos jiifa ayuu yidhi ereyo dhaxal gal noqday, “Caddaalad baad ku xukuntay, markaasad nabad heshay, dabadeed iska seexatay,” waa ta ay maanta garan la’yihiin madaxda Muslimiintu ee kharashka ku baxa ilaalintoodu ummadahooga wax tari lahayeen. Dad la dhaqanka wanaagsan waxa ka mid ah qofka ku shaqaynaya in aad dareensiiso in aad ixtiraam u hayso, hadalada qalafsanna aad ka ilaaliso, sidoo kale qudhaadu ogsonaato in dani ku ag keentay oo laysku kiin imtaxaamayo, sidaa darteed aanad kula dhaqmin wax anshax xumo ah. Rasuulku ﷺ isagoo hormood keeni ahaa ayaa habdhaqanadiisi sarreeyey waxa ka mid ahaa sida Anas Bin Maalik Rc ka sugan inu yidhi, “Toban sannadood baan u shaqaynayey Rasuulka ﷺ maalin kaliya wax aan sameeyey maxaad u samaysay ima odhan, wax aan samayn waayeyna maxaad u samayn wayday ima odhan.” Inta u badan dadka wada shaqeeya waxa ay isku qabsadaan ee canaantu ka dhacdana waa intaa. In aad dadka kula dhaqanto hab-dhaqan wanaagsani wuxu keenaya in qudhaada lagula macaamilo hab-san. Sidaa ajligeed buu Rasuulku ﷺ lahaa, “Dadka kula dhaqan si wanaagsan.” Dadkuu waa geed aad beerato oo kale, kolba sida aad ku tahay ayey iyaguna kugu ahaanayaan.

Sadaqada iyo Soonka

Sadaqadu waa qashinka ka baxa qofka ee uu ku helayo dambi dhaaf iyo naxariis, gaadhigu haddaanu saliida iska badalin noqon maayo mid raandhiis sii lahaada ee marka dambe wuu is duqeeya, sidoo kale sadaqadu waa dambigii qofku sameyey oo uu iska bixiyey, waana ta uu Alle SWT leeyahay, “Ka qaad xoolahooda qayb, si ay iskugu daahiriyaan, una ducee.” Bal u fiirso aayaddaasi sida mugga leh ee ay wax u bidhaaminayso, marka xoogaa lagaa qaado aan ku damqayn waxa aad helaysaa fudayd dambigaagi lagaa dul qaaday, sidoo kale waxa aad helaysaa duco. Sidoo kale waa biriij isku xidha bulshada qaybaheeda haynta ku kala sarreeya, mar kasta oo qofka hodanka ahi uu ka war hayo bulshadiisa liidata waxa dhexdooda ku beermaya kalgacal iyo is jeclaysii, qof kasta oo wax bixinaya marka la yidhaa kaaga liita wax sii, wuxuu dareemayaa in aan xoolihiisi meel kale ka tagin waana ta uu Rasuulku ﷺ ka duuleyey ee uu ku lahaa Mucaad Ibnu Jamal Rc, “Ka qaad xoolaha intooda ladan, kuna celi intooda saboolka ah.” Waa xoolahaagii oo adiga kaa baxay isla adigiina kugu soo noqday. Se haddii aad ku dheggenaato xoolahaaguna barako yeelan mayaan adiguna mid culays saaran yahay unbaad ahaan, Rasuulku ﷺ isagoo muujinaya in sadaqadu aanay qofka mid musalaf ah ka dhigin wuxu yidhi, “Sadaqadu xoolaha waxba kama nusqaamiso.” Haddaad lahayd wallee shilinkaa kaa baxay kuu soo noqon maayo, inta kaa baxday in ka barako badan baa ku soo geli, sidoo kale inta kugu hadhay ayaa noqon doonta in ku barakowda. Alle SWT isna isagoo qofka xoolihiisa bakhaylka ku ah la hadlaya ayaabu yidhi, “Yaanay u malayn kuwa xoolaha Alle siiyey lexejeclaysanaya inay sidaasi u khayr badan tahay, hase ahaate waa u shar.” Haynta iyo kaydinta xooluhu maaha mid la diidan yahay, se waa in aad ogaataa in xoolahan uu Alle SWT ku siiyey, sababta lagu siiyeyna aanay ahayn jacayl khaas ah oo adiga laguu qabo, hase ahaate ay tahay imtaxaan lagugu eegayo, sida aad ka yeeshana masiirkaagu noqon doono. Sadaqadu waxa ay ka qayb qaadata cimri dhererka; marka laga hadlayo in cimrigii laguu qoray wax lagugu darayo maaha, sida culimo badani ku tagsan yihiin, hase yeeshee waa in cimrigii lagu siiyey barako ku yeesho, Sidaasu Rasuulku ﷺ u lahaa, “Sadaqadu cimriga way dheeraysa.” Haddii sadaqo aynu bixinnay cimrigii inoogu dheeraanayo tallow aakhiro marka la joogo na sidee baynu ku noqon doona bixinta sadaqada?. Xadiiska qiimaha badan ee ka warrama maalinta aan hadh jirin ee la taagan yahay bannaanka qiyaamaha ayaaba Rasuulku ﷺ ka soo reebay dadkaa badan ee bacadka taagan dad toddoba astaamood laga helay in aanay iyagu ku jirin kuwaa bacadka taagan, se ay helayaan hadh Alle SWT ugu talo galay. Haddaba toddobadaa waxa ka mid ahaa sida xadiisku sheegay qof gacantiisa midig waxay bixisay aanay ogaan gacantiisa bidix. Sida macquulka ah marka qofku wax bixinayo labadiisa gacmood ayaa isku kaashada bixinta, sida lacag la tirinayo si loo bixiyo amase alaab la dhibayo, ee ka warran gacantii ugu dhawayd ba haddii aanay ogayn waxay bixisay saaxibadeed. Murti Soomaaliyeed baa ahayd, “Midigtuba micin ma leh, hadday bidixdu maqan tahay.” Waxa aad arkaysaa in labadii mataanaha ahaa sidaa ku kala tageen, waxa aad arkaysaa in aan dhayal lagu helayn galladaha Alle SWT, se shaqo dheeraad ah lagaaga baahan yahay, markaa waa halka aad is dhigto qof wallow ba. Soonka dhexdiisa inaad wax sadaqaysato waa mid la dhiri galiyey oo dadku wax wada qabaan, Rasuulka ﷺ waxa ka sugan inuu yidhi, “Qofka, qof sooman afuriya wuxu leeyahay ajarka qofka sooman.” Culimadu marka ay sharraxayaan xadiiskaa waxa ay yidhaahdaan; laga qaadi maayo kan la afuriyey ajarkiisi ee ajarkiisa oo kale ayaa isna la siinaya. In aad ka war hayso jaarkaaga jilicsan waa mid loo baahan yahay, oo dambi ba waxa kugu filan in adoo dharagsan jaarkaagina kugu ag bakhtiyayaan. Waana mid maanta dhacda in aad arkayso xaafad dhan oo haddana asturan inaan dabba loo shidin, taaso keentay inay ka dhawrsadeen inay dadka wax waydiistaan, Alle SWT isagoo wax walba inooga xogogaal badan, waxa uu inoo bidhaamiyey ka war haynteeda, “Ka wax ma garatada ahi wuxu u malaynaya dad xoolo leh is dhawrsanaantooda awgeed, waxaad se ku garan kartaa tilmaamahooda, dadkana wax ma waydiiyaan.” Kuwaa ayaa ah in la ogaado oo laga war hayo, si Alle koreeye inoogu naxariisto. Inta badan maanta waxa ina wareeriyey dad ay shaqo u tahay oo aan gaajo na soo saarin se soo shaqo tagay. Kuwaas oo masaajiddii lagaga tukan laayahay, halka kuwii ay ahayd in laga war hayo ee jaar iyo ehel ba lahaa la dayacay. Fadliga cibaadada habeenkii Ramadaan waa bil cibaaddo, wax kasta oo san oo la sameeyo bishaa abaal gudkeedu waa mid la labban laabo, dheeraadka bishu wadato awgeed. Sidoo kale waa bil khayr leh oo wixi xumaan wada albaabada loo laabo. Rasuulka ﷺ waxa ka sugnaaday inuu yidhi, “Markay Ramadaan soo gasho; albaabada jannada waa la wada furaa, kuwa naartana waa la xidhaa, shadaadiintana waa la silsiladeeya.” Markaa bishu waa bil sarreedo, oo bilaha kale ka tilmaaman. Sidaa darteed bishan waxa lagu maamusaa in lala yimaaddo cibaaddo ka badan cibaadoyinka lala yimaaddo bilaha kale. Cibaaddooyinkaa waxa ka mid ah in la istaago habeennimada Ramadaan, oo loo kaco in la oogo salaadaha la yidhaa Taraawiix iyo Tahajud oo labaduba soo hoos gala Salaatul-laylka salaadda loo yaqaan. Haddaba in habeennimada Ramadaan lagu cammiro salaadahaa waa mid Rasuulku ﷺ dhiri galiyey, “Qofka kaca habeenka Ramadaan, kaas oo la kaca iimaan iyo dambi dhaaf, waxa la dhaafaa dambigiisi hore iyo dambe ba.” Sida aad ku arkayso xadiiskaa waxa libintaa lagu gaadhayaa waa inaad u soo jeeddo habeenkii Alle dartii. Iska daa wax kalo Alle SWT isagoo ka hadlaya qofka iska hurda habeenkii iyo ka isaga xusaya ee u taagan ayuu yidhi, “Ka habeenkii u taagan xuska isagoo sujuudsan ama taagan, isagoo ka baqaya aakhiro, rajaynaya naxarista Rabbigii, ee miyey siman yihiin ka wax garanaya iyo ka aan waxba garanayn?” Aayaddaasi si cad bay inoogu kala qeexday labada qof ee midna hurdo midna Allihii u taagan yahay in aanay isku abaal celin lahayn. Salaadaha habeennimada Ramadaan la tukado waxa markii ugu horreeyey sameeyey Rasuulka ﷺ sida ay Caa’isha sheegtay Nabigaa ku tukaday masaajidka, dhowr saxaabadiisa ah baa la tukaday, habeenkii labaad buu haddana ku tukaday dadkii baana soo batay, ka dib habeenkii saddexaad markuu arkay in masaajidkii laga soo buxsamay ayuu u soo bixi waayey, markii waagi baryey wuxuu ku yidhi “Waxaan idinku soo bixi waayey, waxaan ka baqay in laydinku waajibiyo.” Xadiiskaa waxa aynu ka faa’idaynaa in salaaddu sunne tahay, haddii Rasuulku ﷺ uu jogtayn lahaana ay innagu noqon lahayd waajib, Rasuulku ﷺ wuxu inoo ahaa mid danteena ka shaqeeya oo dhib inala jeclayn, waana sababtuu u soo bixi waayey habeenkaa. Xasuuso kolkii ninkii ku yidhi Rasuul Allow xajku sannad walba ma waajibbaa, ee uu ka aamusay. Markii dambe waa kii lahaa, “Haddaan haa odhan lahaa, waajib bay idinku noqon lahayd manaydaan karteen.” Hase ahaate xilligii Cumar Ibnu Khadaab ayaa la tukaday salaadda Taraawiixda, oo habeen walba bacda cishaha la tukan jiray, iyadoo qofkii doona tukan jiray kii kale na aan la eedayn jirin, sidaasanay ku noqotay salaad illaa imika la oogo. Inta rakcadood ee la tukada waa kow iyo labaatan, saddex iyo toban ama kow iyo toban ba waa tiro sugan, se mid baa muhiim ah in la ogaado, taaso ah salaadda marka aad tukanayso waa inaad tukaddaa salaad xasiloon oo aan dadajin lahayn sida dhacda qoloyinka tukada kow iyo labaatanka rakcadood u dadajiyaan. Habeennimada Ramadaan qofka u kaca salaadda Rasuulku ﷺ wuxu ugu bushaareeyey dambi dhaaf iyo naxariis, “Qofka kaca Ramadaan, isagoo u kiciyey iimaan iyo Alle ka cabsi, waxa la dhaafaa dambigiisi hore iyo kiisi dambe ba.” Waxa kale oo la dhiirigaliyey in aad salaadda aad tukanayso ee aad kula tukanayso jamac habeenimada Ramadaan aanad dhexda ka jarin ee aad la dhamayso imaamka sida Rasuulka ﷺ ka sugan, “Qofka u kaca salaadda ee la tukada imaamka illaa intuu ka dhamaynayo, wuxu la mid yahay qof habeenkii oo dhan salaad u taagna.” Sidaa waxa leh ergaygii Alle SWT, haddii aad imaamka la dhamaysato waxa aad helaysaa darajadaa sare. Inta badan waxa aynu u hiranna hawl kasta oo aynu qabanayno in aynu ku helno abaal celin u qalanta shaqadaa aynu qabanay. Mar kasta oo maamuus laguu muujiyana waxa aad sii labanlaabta hawlkarnimadaadi, taasood ku doonayso mar walba in aad ahaato mid la xurmeeyo, shaqadiisana lagu bogaadiyo. Haddaba Alle SWT hawl kasta oo aad u qabato isaga dartii waxa aad kaga helaysaa abaal gud aanad filanayn xaddigeeda. Habka loo tukada salaadda habeenkii waa qofka oo aan isku darin wax laba rakcadood ka badan sida Rasuulka ﷺ ka sugan, “Salaadda habeenkii waa laba laba rakcadood.” Xadiiskaasi wuxu bidhaaminaya in laba rakcadood marka aad tukato ba aad ka baxayso salaadda haddana aad laba kale aad u kacayso. Sidoo kale waxa lagu soo afmeera oogista salaadda habeennimo hal rakcad oo la yidhaa salaadda kalida ah (Witri) waanna rakcad qudha, Rasuulka ﷺ waxa ka sugnaaday, “Habeenka laba witri kuma wada jiraan.” Sidaa ajligeed haddaad hore u soo tukato taraawix oo aad la soo dhammaysatay imaamka, marka aad tahjudka tukanayso la dhammaysan maysid, ee marku salaadda ka baxo uun baad rakcad kale u kici, ama salaadda witrigaa ee u ku soo afmeeray salaadda la tukan maysid. Salaadda la oogo habeenkii waa salaadda ugu qiimaha badan marka laga tago kuwa faralka ah, “Salaadaha waxa ugu fadli badan marka laga reebo kuwa faralka ah, salaadda habeenki la tukado.” Salaaddani dheeraadkaa hawl yari kumay helin, qofkii wuxu ka toosaya hurdadiisi, wuxu u kacaya oogis salaad aan lagu waajibin, laga yaaba biyo qabow inuu ku waysaysanayo, haddana waxaas oo dhan uma jeedee oogista salaadda ayuu u jeeda, sidoo kale qalbigiisa waxa ruxa aayadka Alle SWT marka uu akhriyo, sida Alle SWT sheegay, “Aayadkayaga waxa rumeeyey, kuwa marka Illahay la xuso la dhaca sujuud, ee tasbiixsada, kuna mahadceliya Rabigood iyagoon is kibrinayn, dhinacooguna jiifka ka dheeraaday.” Wuxu is tusinaya hirarka fog ee Alle SWT bidhaamiyey in la helayo, “Kuwa Alle ka cabsada waxa u sugnaaday jannooyin, wabiyaal iyo degenaasho dhab ah oo Illahay agtiisa laga helayo.” Cagahaa bararaya, murqihiisa daalaya, cunihiisa qalalayana wuxu ku rabaa jannooyinkaa Alle, si uu taa u gaadho ayuu dhiniciisa habeenkii dhulka u diiday in yar mooye, “Waxay ahayeen kuwo habeenki inyar un seexda.” Sidaa waxa leh Alle. Waana ta dhabta ah ee lagu gaadhayo abaal gudka sare ee Alle SWT inoo sheegay. Mar kasta oo aad ku jirto gudashada cibaado uu Alle SWT ku faray ogow in aad u dhaw dahay Alle SWT, Rasuulka ka sugan, “Addoonku wuxu Alle ugu dhaw yahay markuu caabudayo.” Waxa looga jeedaa markuu sujuudsan yahay. Qofku halka uu mar walba uskaga ka ilaaliyaa waa wajigiisa, uma ogola in wax yari ka gaadhan, sidoo kale haddii wax lagu soo tuuro markaba wajiga ayuu qariyaa, waxa uu u qarinayaana waa inaanu u ogolayn wax wajiigisa xumeeya. Haddaba qofku marka uu cibaadaysanayo wuxu madixiisa u foorariya waliba dhulka u dhigaa waa Alle SWT dartii, taasa ah abaal weyn oo Alle SWT kuu ogsoon yahay, adiguna waxa aad sharaf ku helaysaa kolba inta aad Alle SWT isku dhul dhigto.

Tobanka Dambe ee Ramadaan

Tobanka u dambeeya Ramadaan, waa habeennada ugu qiimaha badan habeenno uu Alle SWT abuuray, marka tobanka dambe soo gasho, waxa loo dadaallaa si ka sii wanaagsan intii hore oo dhan, Caa’isha waxa ka sugnaaday, “Markuu bilaabmo tobanka dambe Rasuulku dhiisha ayuu guntiga ka xidhi jiray, habeenkana wuu noolayn jiray, ehelkiisana wuu toosin jiray.” Markaa adna waa inaad qorshaha ku darsato in aad xawligaaga kordhiso marka tobankani soo galo. Inta badan dadku marka tobankaa dambe soo galo daal ayey la kulmaan ay labaatankii hore ku soo yar caajiseen, taasana keentay in dardar galin xagga cibadadaa ah la sameeyo, waxana soo korodha cibaadada Tahajudka la yidhaa, salaadda oo firfircooni badan oo dadku u hayaan keenta. Dadka qaar baa tobankaa dambe meheradahooga ku mashquula oo tobankaa ka dhigta maalmo ganacsi, sidaa darteed waxa aynu leenahay waar laydinma diidana shaqadee tobankaana ka faa’iideeya waa jaanis aydaan hubin inuu mar dambe idin soo mari doono. Tobankan dambe waa habeenno hurdada la kala tago, Caa’isha Rc waxa ka sugan, “Labaatanka hore Rasuulku marna wuu seexan jiray marna wuu cibaadaysan jiray, laakin tobanka dambe hurdo way kala tagi jireen.” Tobankan waxa la qabtaa oogista salaadda iyo Alle SWT oo dambi dhaaf la wayddiisto isagana la xuso. Marka laga hadlayo xuska Alle SWT waa waynayn la waynnaynayo, iyo in laga kor yeello xumaan, waxa kale oo xus la yidhaa in Alle SWT loo mahadceliyo Ilaahay SWT cid caddaalad samaysa isagaa ugu sarreeya, adigoo khasab lagugu leeyahay inaad Alle xusto ayaa haddana lagu leeyahay mar kasta oo aad Alle SWT xusto isna wuu ku xusayaa, Alle SWT wuxu yidhi, “I xusa aan idin xusee…” Xuska aad adigu Alle SWT xusaysaa waa adoo dambi dhaaf wayddiisanaya, adoo xumaan ka kor yeellaya iyo adoo u mahad celinaya galladaha uu kugu deeqay dartii. Sidoo kale xuska uu Alle SWT adiga ku xusayaana waa inuu dambi dhaaf ku siiyo. Xilliga aad Alle SWT xusaysaa ma laha xilli sooc ah, se mar walba waad xusaysaa Alle SWT waxa ka sugan, “Kuwa in badan Alle xusa, iyagoo taagan, fadhiya ama jiifa.” Adoo iska jiifa ayaad Allaha xusaysa, adoo suuqa iska dhex maraaya, adoo shaqadaada ku jira. Mar kasta oo carrabkaagu barto xuska Alle waa mar walba oo naftaadu xasilayso, dareemayso na deganaan, Alle SWT waxa u yidhi, “Ragga iyo dumarka Alle xusa, wuxu u diyaariyey dambi dhaaf iyo janno.”

Fadliga Ducada

Duco waa baryo ama tuugis Alle uu baryayo addoonkiisu, cidda kaliya ee la baryi karaa waa Alle SWT, sokadii cidna lama baryi karo. Alle SWT xadiis-qudsi wuxu ku yidhi, “Anigu waxa aan ugu deeqsanahay cidda wax layla wadaajiyo, waan uga tagaa anuu.” Baryadu Alle SWT xaqa u lahaa haddaad cid kale la doonato adiga unbaa wax is yeellay. Ducadu is dhul dhigid aad Alle SWT isku basaasinayso, una muujinayso inaad gargaarkiisa u baahan tahay, la’aantiina aanad waxba helayn. Cibaadadu waa inaad muujiso inaad tahay addoon baari ah, adigoo la imanaya wax kasta oo Alle ku faray inaad samayso, kana joogsanaya wixi lagaa reebay inaad fasho, markaasad tahay addoon dhab ah, oo baryaya Allihii, baryaduna waa cibaado, Rasuulku ﷺ wuxu yidhi, “Ducadu waa cibaado.” Mar kasta oo aad Alle SWT barido isna agtaada ayuu joogaaye wuu ku jawaabi sidu Alle SWT sheegay, “I barya aan idinka aqbale.” Soomaalidu waxa ay tidhaa, “Baryo badan iyo bukaan badan waa laysku naca,” halka Alle SWT uu ka leeyahay “I baryaa aan idinka aqbale.” Alle SWT mar kasta oo aad gacmaha hoos dhigato wuu kugu farxayaa waxaad wayddiisatana wuu ku samaynnayaa. Mar haddii aynu nidhi baryadu waa cibaado bal ka warrama kuwa iskala deeqtoonada inay Alle baryaan amase wax dan ah aan ka galin inay Allahood baryaan, Alle SWT wuxu yidhi, “Kuwa iska waynneeya baryadayda, waxay galayaan jahannama iyagoo dulaysan.” ogow in uu yahay ka ka maaga inu Alle SWT baryaa mid ka quustay, Alle SWT sidu sheegay ba, “Addoomahayga u sheeg, oo ku dheh haka quusanina naxariista Alle,” taaso muujinaysa damiir iyo imaan xumo qofka ka quusanayaa ma wuxu moodayaa inuu Alle ka dheer yahay, “Haddii ay ii kaa wayddiiyaan addoomahaygu u sheeg inaan u dhawahay, ka i baryayaa marku i baryayo, hay addeecaan oo hay rumeeyaan si ay u hanuunaan.” Alle SWT ayaa sidaa leh, adna waad iska quusanaysaa micno daro, subxanallah.

Xilliyadee ayaa ugu dhow in ducada la aqbalo?

  • Qofka soomanni marka uu afurayo
  • Marka aad sujuudsan tahay
  • Fadhiga dambe ee salaadda ‘taxyaadka’
  • Eedaanka iyo aqiimka dhexdooda
  • Habeenka xilligiisa dambe
  • Maalinta jimcaha salaadda Casar ka dib (sida culimo badan ku tagsan yihiin).
Waxa jira caqabado diida in la aqbalo ducadaada sidaa Rasuulka ﷺ ka sugan, “Hagaaji cuntadaada, ducadaada waa la aqbaliye.” Xaaran cunistu waxa ay ka mid tahay arrimaha is hortaaga in la aqbalo baryadaada. Nin baa jiray Alle baryey isagoo la yimid saddex arrimood oo ducadiisa in lagu aqbali lahaa; Safar buu ahaa, Allena magacyadiisa ayuu ku baryayey, gacmahana kor buu u taagayey. Saddexdaa arrimood ba waxay sababayeen in baryadiisa la aqbalo, hase ahaatee waxa is hortaagay habdhaqankiisi nololeed, Rasuulkaana tilmaamay isaga oo leh, “Wuxuu quudanayey xaraan, hugiisuna xaaraan buu ahaa, wuxu ku soo barbaarayna waa xaraan e’ sidee looga aqbalaya baryadiisa?” Xadiiskaa su’aal baa ku jirta inaga garaadkeena lagu wayddiinayo ninka sidaa ah sida looga aqbalayo. Haddaa saddex arrin oo sababi lahaa in degdeg loogu aqbalo baryadiisa waxa ka hor istaagay inuu xaaran quute ahaa, markaa haddaad baryadada falcelinteeda waydo bal naftaada uun ku noqo. Inta badan Rasuulku waxa uu ku ducaysan jiray sida Caa’isha sheegayso, “Allahayow waad samaxaad badan tahay cidda wax saamaxdana waad jeceshay ee na saamax.” Waa baryo Rasuulku ﷺ ku ducaysan jiray, khaas ahaan tobanka dambe habeennada kala dhiman, sida 21, 23, 25, 27, 29, se waxa ay tahay in habbeen kasta iyo mar kasta ku ducaysato, ducaduna mar walba waa mid furan.

Fadliga Masaajidka

Marka la qeexayo erayga masjid waxa lagu qeexa sujuud, oo ah goobta lagu sujuudayo, waxana eraygaa looga soo dheegta inay tahay goobta qofku ugu dhaw yahay Alle SWT, siduu Rasuulku ﷺ inoo sheegay, “Marka uu addoonku Allihii ugu dhaw yahay waa marka uu dhulka foodda ku hayo.” Masaajidku waa hoyga cibaadada, waa dhiska ugu xasiloon dunida ee qof ku nagaado, sida Rasuulka ﷺ ka sugan, “Goobta Alle ugu jecel yahay waa masaajidda, halka uu ugu neceb yahayna waa suuqyada.” Maaha goob qofku kohdo oo uu idhaa meeshan waanu ku sii soconnaa uune maanay naga dhammaanayn, hase ahaate mar walba oo u galo wuxu ku dareemaa degenaan, taaso u keenta inu ku soo noqnoqdo. Masaajidku waa goob cibaado oo lagu amray inaad xilli kasta oo salaadda la oogayo aad tagto taasood ku ammaanan tahay sida uu Rasuulku ba sheegayey, “Kuwa u socda masaajidka gudcurka, kuwaasi waa kuwa hela naxariista Alle.” Maalinta Qiyaame waxa la soo dhaweeya cadceedda oo qof kasta madaxiisa lagu soo beega, kulkedana Alle unbaa garan kara. Waxa jira dad maalintaa hadh ka hela cadceeddaa la soo dhaweyey, kuwaaso leh tilmaamo ay kaga soocan yihiin dadka intooda kale, dadka tilmaamaha laga helay waxa ka mid ah sida xadiisku sheegayo, “Qof qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka,” haa xilli walba masaajidka laga helo, la yaqaan marka la gaadho xilli salaadeed halka uu joogo iyo masaajidka u ku xidhan yahay. Sidoo kale Rasuulku ﷺ wuxu yidhi isagoo u bushaaraynaya dadka gudcurka u guureeya masaajidda inay maalinta qiyaame iyagu iftiin helayaan, “Haku busharaystaan kuwa habeenka gudcurka ah u guureeya masaajiddu inay maalinta Qiyaame iftiin helayaan.” Haddaad aragto qof mar walba qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka ogow inu yahay qof horreeya, waxa aad maqashaa qofkaasi waa nin horeya, se ninka qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka u qir nin hore inu yahay oo iimaan leh, sida Rasuulku ﷺ sheegay, “Haddaad qof afartan salaadood masaajidka ku aragto u qiir imaan.” Sidoo kale mid aakhiro rumaysanna weeye, “Waxa camira masaajidda Alle kuwa Alle rumeyey iyo maalinta qiyaame.” Waxa laga warramaa maalinta qiyaame ee bacadka la taagan yahay sidoo kale cadceedda la soo dhaweeyo illaa qof kastaa uu is moodo in foodda ay u taagan tahay inuu jiro mid aan cadceeddaa iyo kulaylkaa laga cabanaya aan dareemin ba, haa todobada maalintaa loo hadheyey waxa ka mid ah qof qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka, markaa waa ku adi. Ganacsigu shaqo la qabto waa ta ugu mashquulka iyo halleelka badan, xilli gooni ahna aan lahayn se shaqo furan xilli walba ah, taaso qofka inuu Alle SWT u cibaadaysto xilliyada cibaadada inta badan ka mashqulisa, oo uu is arko uun iyadoo salaaddii ba laga soo baxay, se waxa jira qaar iyagu masaajiddana camira salaadahana ka adkaada, eeg aayadda Alle leeyahay, “Guryo lagu xuso magaca Alle gelin hore iyo gelin dambe ba, rag aanay ganacsigoogu iyo iibkoogu ka mashqulin xuska Alle.” Xoogaaga adduun ee lagu siiyey waa mid lagugu eegayo sida aad ku samayso, maalinta qiyaame na waxa lagu warsan doonaa xoolaha halkaad ka keentay iyo halkaad ku bixisay. Wax kastood hor mariso oo xoolahaaga ahna iyadoo ka khayr badan baad heli siduu Rasuulku ﷺ sheegay, “Qofka Ilaahay u dhisa masjid, Allena guri buu uga dhisa jannada.” Eeg abaalka degdega ah ee ku soo noqday durba. Adiga un baa wax is taraya hubaashi. Xilligii Rasuulka ﷺ, iyo xilliyadii Saxaabada, Taabiciinta iyo intii ka dambaysay ba Masaajidku wuxu ahaa goob shaqooyin badan qabta, wuxu ahaa xarunta looga taliyo ummadda Muslimiinta, ee ay ku oogaan salaadahooga, sidoo kale wuxu ahaa xafiiskii Rasuulku ﷺ fadhisan jiray ee uu wax ku maamuli jiray, sidoo kale wuxu ahaa goob aqoon korodhsi oo wax lagu baran jiray oo Rasuulka ﷺ wax lagaga baran jiray. Masaajidku wuxu ahaa jaamacad shacbi ah, oo albaabkeedu furan yahay gu’ iyo jilaal, lana kala aqoon dayr iyo xagaa, la kala saarin rag iy dumar, la kala soocin da’ wayn iyo da’ dhexe, lagu barto diinta, lagu ogaado aqoonta dheefta, lagu dhiso akhlaaqda iyo dad la dhaqanka, naftana lagu edbiyo, sidoo kale lagu soo saaro kii hoggaamin lahaa ummadda. Wuxuuna masaajidku ahaa hoygii jaamacadaha, waayo inta jaamacadood ee hirgashay qaarkoodna illaa maanta shaqeeyaan waa kuwii asaaskoodu ahaa masaajidka sida Azhar-ta Masar, Jaamacadda Zaytuuniya ee dalka Tuunis. Maanta in lagu soo koobo uun salaadaha may ahayn, dhaqankii wanaagsana ee laga dhaxlay Rasuulka ﷺ iyo intii raacday habdhaqankiisi, hase ahaate markii maskaxada layska soo guumaystay ee layska soo itaal roonaaday ayaa sidaa laynoogu soo arrimiyey.

Ictikaafka

Ictikaafku shareeco ahaan, waa qofka oo ku nagaada in muddo ah masaajidka, Alle SWT dartii. Waana arrin ka sugnaatay Rasuulka ﷺ inuu sameeyey, Alle SWT wuxu yidhi isagoo iftiminaya Ictikaafka, “Hala kulminna xaasaskiina idinkoo ku ictikaafsan masaajidka.” Ictikaafku Rasuulkeena ﷺ hortii wuxu ahaa cibaado lala iman jiray, sida Alle SWT sheegay ba, “Waxaanu kula ballanay Ibraahim iyo Ismaaciil inay u nadiifiyaan gurigayga ‘Kacbada’ kuwa dawaafaya, iyo ictikaafaya.” Sidoo kale Ictikaafku wuxu leeyahay Axkaam, Shuruud, Adaab iyo wax jabiya markaa haddaynu iska soo ururino waxa aynu kusoo koobi lahayn:

Axkaamta Ictikaafka

  • Waa sunne
  • Waa sunne la adkeeyey tobanka dambe ee ramadaan
  • Waajib ayuu noqonaya haddu qofku ku nadro

Shuruudaha Ictikaafka

  • Niyadda inaad galiso inaad ictikaafayso, waa laga marmaan waayo niyaddaa wax kala saarta inaad maasajidka iska fadhido iyo inaad ku ictikaafayso.
  • In aanad maasajidka ka bixin cudur daar la’aan sida inaad wax soo cunayso, soo maydhanayso, iyo wixi lamid ah.

Adaabta Ictikaafka

  • Inaad ku mashquusho Qur’aan akhris, digri iyo duco badan
  • Inaad iska ilaaliso hadalka badan
  • Xanta iyo isku dirka iyo malayacniga waa in aad ka fogaataa
  • In aanad la soo dhex gelin maasajidka wax wakhtiga ka qaada sida game, ama laabtob aad internet ku soo xidhato oo aad halka dadka kala sheekaysato wakhtigii cibadadana kaa lumiya.

Waxa buriya ictikaafka

  • Galmada
  • Dhiigga caadada
  • Qofka oo ka baxa maasajidka cudur daar la’aan
  • Qofka oo diinta ka baxa

Laylatul-Qadriga

Alle SWT bilaha iyo maalmuhu u kala qiimaysan, maalin waxa ugu qiimo badan maalinta banka Carrafaad la taagan yahay. Waxa ay qiimahaa ku yeellatay waa waxqabadka maalintaa la samaynayo. Sidoo kale habeen Alle SWT abuuray waxa ugu weynnayn badan habeen aan si sax ah loo sheegin habeenka u ku dhaco se habeen is gedgediya ah. Oo si halxidhalaysan loo baadhayo, waa habeenka la barakeeyey ‘laylatul qadri’. Waa habeen ka fadli badan saddex iyo sideetan sannadood iyo waliba bilo sida Alle SWT sheegay, “Habeenka la waynneeyey ‘qadrigu’ waa habeen ka khayr badan kun bilood.” Habeenkan waynnidiisa waxa ka mid ah inuu yahay habeenkii la soo dejiyey Qur’aanka, “Waxaanu soo dejinay ‘Qur’aanka’ habeen la wayneeyo.” Mar kale Alle SWT isagoo si faahfaahsan uga hadlaya wuxu yidhi “Annaga ayaa soo dejinay habeen la waynneeyey ‘Qur’aanka’, maxaad ka taqaan habeenka la wayneyey, waa habeen ka khayr badan kun bilood, waxa soo daadagta malaa’igta iyo Malaga ruuxda ‘Jibriil’, ogolaanshaha Rabbigood, waana habeen nabdoon illaa waagu ka baryayo.” Rasuulku ﷺ wuxu doonayey habeenkani habeenka u dhaco inu Saxaabada u sheego, se waxa dhacday in laba Saxaabi oo murmay darteed Rasuulki ﷺ la ilawsiiyey habeenku habeenka uu ahaa, “Waxase laga yaaba inay sidaasi idin khayr badan tahay.” Rasuulku ﷺ wuxuu hadalkaa u lahaa inaynu ka baadhbaadhno habeenada laynoo asteeyey midkood inu yahay, “Ka daydaya habeennada kala dhiman, kow iyo labaatanka, saddex iyo labaatanka, shan iyo labaatanka, toddoba iyo labaatanka iyo sagaal iyo labaatanka.” Sidaa ajligeed habeen uun aduu astaysan maysid, se habeenku waa habeen guur guura ee habeennada kala dhiman ba iska xil saar inaad ka baadhbaadho. Habeenkan waxa lagu wayneeya waa salaad badan, duco badan iyo xuska Alle SWT oo la badiyo, “Qofka kaca habeenka laylatul-qadriga, ee u kiciyo iimaan iyo Alle ka cabsi, waxa la dhaafa dambigiisi hore iyo kiisi dambe ba.” Sidoo kale habeenka waxa lagu gartaa cirku inaanu daruur lahayn, jawiguna meel dhexaad yahay qabow iyo kulayl aan midna hayn, habeen ahaanna uu yahay mid nabdoon. Hase ahaate laguma garto ey baa ciyey, iyo dameer baa dinaahiyey. Caa’isha ayaa Rasuulka ﷺ wayddiisay haddaan la kulmo habeenkan maxaan idhaa, Rasuulku ﷺ wuxuu ugu jawaabay inay ku ducaysato, “Allow waad saamaxaad badan tahay, cidda wax samaaxdana waad jeceshahee na saamax.” Run ahaantii waa duco wax walba koobsanaysa. Waxa aynnu baraarujin lahayn in ay habeennadan oo kale ay dhacdo in dadku salaadaha sunnayaasha ah ku dadaalaan oogistooda halka kuwi la faray ee lagala xisaabtamayey ay dayacaan. Waxa aad arkaysaa qof Tarawiix ama Tahajud habeen walba u taagan oo haddana salaaddii subax ka hurda, taasi cibaado noqon maysee waa istusnimo, mid kale ogow sunnaha oogisteeda iyo oogis la’aanteeda mid qiyaamaha lagu wayddiinayo maaha, hase ahaate inaad salaadaha faralk ah oogtaa waa mid qiyaamaha ku dul saaran. Ma diidayo in la tukado salaadaha sunnayaasha ah, hase ahaate waxa aan leeyahay faralka aynu ka soo dhalaalno horta, dabadeed sunnayaasha aynu u soo tafaxaydano, si cibaadadu inooga noqon mid wajiga laynagaga dhufto.

Sakaatul-Fidriga

Sakaatul fidrigu waa qofka khaladaadkii ka dhacay intuu soomanaa oo laga nadiifinayo sidu Rasuulku ﷺ sheegay, “Sakaatul fidrigu waa qofka oo khaladaadkii iyo macsidii ka dhacday lagaga nadiifinayo iyo masaakiinta oo la quudinayo, qofka salaadda ka hor bixiya waa sako la aqbalay, qofka salaadda ka dib bixayana waa sadaqo ka mid aha sadaqooyinka.” Sakaatul fidriga la bixinnayaa waa cuntada waddankaa laga isticmaalo, adoo bariis cuna dadka qamadi siin maysid, ee waxaa aad cunto unbaad dadkana siinaysaa. Isku soo celcelis inta la bixinaya waa laba kilo iyo badh, oo raashin ah sida bariis ama cunto kaydsanta, see daqiiq iyo sonkor ku bixin maysid. Xilliga la bixinaya waa cadceeda u dambaysa maalinta Ramadaan marka ay dhacdo ee ay soo baxdo cadceeda maalinta ciiddu, “Qofka salaadda ka hor bixiya waa sako la aqbalay, qofka salaadda ka dib bixayana waa sadaqo ka mid aha sadaqooyinka.” Salaadda ciidda ka hor inaad bixiso ayaa la raba si qofkii maskiinka ahaa u helo, markaas bay noqonaysaa sako la aqbalay, hase ahaate haddaad bixiso salaadda ciidda ka dib waa sadaqo. Dood baa ka taagan ma loo aqbalaya sako, waxaanay u badan tahay in aan la aqbalayn haddaan cudur daar jirin, sida qofka oo ilaawa. Waxa kale oo banaan labada cisho ee u dambeeya Ramadaanta in la iska sii bixin karo Sakaatul Fidriga. Waxa Sakaatul Fidriga laga qaada qof kasta oo muslim ah, qaangaadhnimo u shardi maaha, sidoo kale lab iyo dhadig waxa laga qaada wax isku mid ah, yar iyo waynna waa isku mid. Ilmaha yar ee dhasha maalinta ciidda lagama rabo sakaatul fidri, sidoo kale qofka dhinta maalinta u dambays Ramadaan isna laguma laha sakaatul fidri, hase ahaate waxa la doonaya in qofku labadaba soo gaadhay Ramadaan iyo ciidda ba.

Axkaamta iyo Eedaabta Ciidda

Maalmaha ciiddu waa maalmo farxadeed oo qofku ku farxayo inu soo gutay waxqabadyadii la faray. Waxa mudan inaynu xuska maalmaha ciidda u samayno sida layna faray. Ugu horayn waa inaynu oogno salaadda ciidda oo ugu mudan maalintaa wax la qabto, shuruud iyo arkaan baanay leedahay waxana ka mid ah:
  • Salaadda ciiddu waa salaad sunne ah.
  • Waa laba rakcadood.
  • Rakcada hore waxa lagu takbiranaya toddoba aanay ku jirin takbiratul ixraamku
  • Rakcada labaadna shan takbiirood oo aanay ku jirin takbiirta sujuudda lagaga soo tuusaya (khilaafna waa ku jira).
  • Khudbadu salaadda way ka dambaynaysa.
  • Waana laba khudbadood oo fadhi u dhaxaynayo sida salaadda jimcaha oo kale.
Sidoo kale waxa xusid mudan labada ciidood in midna salaadda la dedejiyo midna dib loo dhigo. Salaadda ciidda Fidriga lama dadajiyo oo qofku isagoo sii quraacday buu tagi karaa, oo Sakaatul Fidrigiina iska sii bixiyey, halka salaadda ciidda Adxaha loo dagdagayo sidii wax loo qali lahaa, sida darteed baa loo dadajiya salaadda. Waxa sidoo kale mashruuc ah in la tarkbiiro (Alle la wayneeyo) maalmaha ciidda, khaas ahaan ciidda Adxaha iyada saddex cisho ayaa la akhrinayaa takbiirta. Saxaabadu suuqyada ayey ku takbiiri jireen. waxa kale oo yadna xasuusin mudan in takbiirta la akhrinaya ay tahay ta ka sugnaatay Rasuulka ﷺ, ee Saxaabaduna akhrin jireen.

Eedaabta Ciidda

Waa inaad la timaada hab-dhaqan tolmoon oo Alle SWT raali ka yahay, kaas oo aan ahayn in aad aduu ku dabaal dagto wax naftaada dhib aakhiro iyo mid aduun u soo jiidaya, waxa kale oo la yaab leh inaad noqoto qof haan gunta ka daloosha dhaaminaya. Haddaad waxqabadkaagi ka dhigto hal bacaad lagu lisay soo adu ismaad gabogabayn, “ha noqonina sida tii xadhiga ay gelinka hore soohdo, gelinka dambe furfurta.” Alle SWT aayadda wuxu tusaale inooga bixiyey haweenay waxqabadkeegu waxyeelo u ahaa nafteeda, taaso wax ay faa’iidaysaba aan la garanayn. Maalmaha ciidda waxa dhacda in da’yarteeni ku wada mashquulaan xaflado qoob ka ciyaar ah, oo la leeyahay waxa lagu waynaynayaa maalinta ciidda, taas oo ku soo dhacaysa un tubti haweenayda. Waxa kale oo maalintaa la sameeya macsi Alle SWT lagu caasinayo, sinada ayaa maalinta noqota mid lagu muujiyo farxadda, da’yar hablo iyo wiilal iskugu jirta oo isla kaliyeystay maxaad ka fili aduu. Sidaa darteed waxa haboon in aynu da’yarteeda ku nidha waar soddon cisho waxaad soo shaqaysanayseen hal bacaad lagu lisay haka dhigina ee Ilaahina ka baqo is dhawra. Waxa kale oo jira in maalinta la yidhaa waa maalin farxadeed oo jilbaha ayaa la laabaya ‘qaylaad’. Bal dib cajaladda u celiyo maalintaa lagu sheegay inay tahay maalin farxadeed inta ay inan yar inaga baabisay oo maalintaa farxadda loogu sheegay ka soo noqon waayey oo ku dambeyey mid caqaarta halkaa ka dawarsada xasuuso, adna armaad sidaa ku dambaysa.

Maxaa Xiga Ramadaanka?

Haa, Ramadaan baxday ee maxaynu ka faa’iidnay ee waxtar inoo leh, waxqabadyadii suubana ee aynu la iman jirnay halkaynu ku tuurayna, salaaddi badnayd, Qur’aan akhristii, duco iyo xuskii Alle mee? Ma ogtahay waxqabad la qabto ka ugu gobsan inu yahay ka la joogteeyo sida Rasuulku ba ﷺ sheegay, “Camal la qabto waxa ugu khayr badan kala joogteeyo haba yaraade.” Sidaa darteed waa inaynaan noqon dad haan gunta ka daloosha dhaamiya, “Hala nooc noqonina sida tii xadhiga ay soohdo gelinka hore furfurta gelinka dambe.” Se waxqabadkii wanaagsana ee aad Ramadaanta samayn jirtay haddaad halkaa kaga hadho habartaa unbaad la nooc noqon. Waa su’aale waxqabadyada wanaagsan ee aad la sugto Ramadaanta miyaad hubta inaad Ramadaanta dambe aad gaadhi doontid. Haddaad leedahay ta dambe ayaan Qur’aanka intaa akhrine ma lagu sii sheegay inaad ta soo socotana aad gaadhi doontid? Sidii aynu ugu dadaali lahayn waxqabadyadeena aynu ka soo baranay bishi barakada badnayd ayeynu dhawrkan tusaale u keeni doona inaynu la nimaadno:
  • In aynu ilaalino oogista salaadaha sunnayaasha ah (Rawaatibta, salaadda habeenkii).
  • Qur’aanka inaynu jadwal maalinla ah u samaysano).
  • Sadaqada inaad ogaato bixinteeda.
  • La-saaxiibida dadka ehlu khayrka ah.
  • Ku-xidhnaanshaha masaajidka.
  • Inaad noqoto mid dadka wanaaga fara xumahana ka waaniya.
  • Inaad diinta barashadeeda wakhti u samaysatid.
  • Inaad soonka sunnaha ah ku dadaashid.