Baadiggoob

Baadiggoob
Jamhuuriyadda Islaamiga ee Soomaaliya
Wiil yar oo baadiggoobaya silica ku habsaday Soomaaliya

An investigative story
In search for Somali misery
By an autistic young Somali boy

By Samatar Sooyaan

Copyrighted material

Baadiggoob
Samatar Sooyaan
Copyright © 2012

ISBN:
Softcover 978-1-4653-1088-0
Ebook 978-1-4653-1089-7

All rights reserved. No part of this book may be reproduced or transmitted in any form or by any means, electronic or mechanical, including photocopying, recording, or by any information storage and retrieval system, without permission in writing from the copyright owner.

This is a work of fiction. Names, characters, places and incidents either are the product of the author’s imagination or are used fictitiously, and any resemblance to any actual persons, living or dead, events, or locales is entirely coincidental.

Rev. date: 06/29/2013

To order additional copies of this book, contact:
Xlibris Corporation
1-888-795-4274
www.Xlibris.com
Orders@Xlibris.com
108331

Tusmada

Mahadcelin
Cutubka 1aad Af Daboolan Waa Dahab
Cutubka 2aad Kulliyada Kas Fiyow
Cutubka 3aad Ilaahayow Maxaad Soomaali Iiga Abuurtay!
Cutubka 4aad Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Soomaaliya
Cutubka 5aad Dacartuba Mar Bay Malab Dhashaa
Cutubka 6aad Kullankii Maayo Kilinik
Cutubka 7aad Gurmad
Cutubka 8aad Xogta Yaxaaska
Cutubka 9aad Booqashada Madxafka
Cutubka 10aad Shukaansi
Cutubka 11aad Talo Ayeeyo
Cutubka 12aad Baadiggoob
Cutubka 13aad Ahlu-Naar
Cutubka 14aad Kullankii Sir-Doon
Cutubka 15aad Bannaanbax
Cutubka 16aad Toobiyaha Tubta Toosan
Cutubka 17aad Socdaal Aan Soo Noqod Laheyn
Cutubka 18aad Aargudasho

Hibeyn – Dedication

Buuggan waxaa lagu xusayaa Caa’isha-Liiul Ibraahim Dhuxulow oo si xaq daro ah dhagax loogu dilay.

In memory of Aisha Luul Ibrahim Dhuhulow who was unjustly stoned to death

Nofeembar 2011

Mahadcelin

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan dadkii gacanta iga siiyey soo saarista buuggan

Janaayo 2012

Culimida gadaalkaan waxaa galay khilaaf weyne
Geyigaan dariiqooyin baa gooni ku ahaaye
Khilaafyadatan guutada watiyo, calanka giirgiiran
Iyo gabanno soo baxay dhawaan, yaw garniqi doona.
– Cusmaan Yuusuf Keenadiid

Intaasoo shiddiyo hoog ahoo diintii lagu sheelay
Sharqan kuma darsamee culumadii waa shib taladooda
Shilka dhacaya xaajadan shakalan shooladaha qiiqay
Shafka inay wadaaddo u tumeen waa shaki la’aanee.
– Xasan D. Khalaf (Xasan-Carab)

Haasaawihiyo sheekadaan, haynno laga guurye
Halqigu meel u joogaba danbuu, u halgamaayaaye
Hindisiyo cilmaa lagu jiraa, hagerdenkiisiiye
Hawadaaba loo sahantegiyo, heegadaa sara e
– Cabdilqaadir Cabdi (Shube)

Cutubka 1aad: Af Daboolan Waa Dahab

Had iyo jeer waa wiil jecel inuu ogaado, kana sabgaaro wax walba oo maqal iyo muuqal ku soo gaara. Waa wiil, sidoo kale, feejignaan gaaban, kuna darsaday firfircooni iyo car^car badan. Mar waa curradka qoyska reer Rafle, oo waxaa labadiisa garbood ku raran howlo adduun iyo xilka curradnimada qoyska; marna waa madi maskiin ah, oo aan lagu arag walaal iyo gacal gurbaanka u tuma ama garab taagan marka laga reebo waalidkiis.

Aad wuxuu isugu taxaluujiyaa bal inuu fahmo dhaqanka bulshada Soomaalida. Wuxuu la yaabaa hab dhaqanka Soomaalida ku nool qurbaha, weliba kuwa uu ku arko xaafadaha, dugsi qur’aanka, masjidka iyo meelo kale. Waxaa lagu xantaa innan cimri degdegay, oo dhaqso u gaboobay. Innan qalbi ku cirroole ah, maskaxdanna ay cadaatay maadaama uu aad uga dabeecad iyo dhaqan duwanyahay carruurta la d’ada ah.

Haddii xudduntiisa aysan ku duugnaan laheyn Ameerika, waa hubaal in lagu xansan lahaa coomaadi hoos u bax ah oo aan cimrigiisa la aqoon, balse lagukeenay Ameerika gaban d’a yar, oo daryeel u baahan.

Wuxuuse ku badbaaday warqadiisa dhalashada in si fudud looga soo qufan karo dowladda hoose ee Minasoota.

Iin iyo curyaanimo dahsoon waxaa ku noqday caqligiisa sida xad^dhaafka ah u shaqeeya. Caqligiisa uu sida xad-dhaafka ah u isticmaalo. Tani waxay u keentay inuu noqdo wiil aan u dhaqmin, u fekerin, u hadlin sida ciyaalka la faca ah oo kale; wiil aan isku mashquulin waxyaabaha carrruurta kale ay qabtaan ama ay naftooda ku mashquuliyaan.

Goor hore waxaa looga digay labada waalid in wiilkooda maskaxdiisa ay ka hor hana^qaaday, kana hor kortay xubnaha kale ee jirkiisa. Sidaas darteed, waa innan si walba uga duwan carruurta la da’da ah, balse cid xaaladiisa fahmi karta ayaaba iska yar. Waxaa mucjiso ku noqday labada waalid weyddiimaha aan kala joogsi laheyn ee uu had iyo goor su’aalo. Weyddiimaha uu mar walba su’aalo barayaasha iskuulka iyo macallinka dugsi quraanka. Waa su’aalo aan laga maqal carruurta kale; kana dhigtay inuu noqdo wiil ka takooran dhallaanka kale.

Waa innan wuxuu damacsan yahay iyo da’diisaba aysan isu dhigmin. Hab fikirkiisa iyo ficilkiisa iyod’adiisaba aysan isqaban. Intaas waxaa u dheer waa wiil neceb beenta iyo dhagarta. Waa wiil, sidoo kale, neceb inuu la dheelo ama la fara-ka-ciyaaro carruurta la filka ah, kuwa ka yar yar iyo kuwa ka waaweynba. Wuxuu dhibsadaa, oo karaahiyeeystaa is-jiidjiidka, la or-orodka iyo la bood-boodka carruurta la faca ah.

Wuxuuse adduunka ugu necebyahay qofka been u sheega ama been kula kaftama; wuxuunna ka sii necebyahay inuu isagu nafsad ahaantiisa been sheego; mana dhacdo inta badan afkiisa been in laga maqlo ama uu xataa ku kaftamo. Arrintan waxay u horseeday inuu noqdo wiil hadalo cad-cad, oo aan waxba qarsan karin islamarkaasnna ay dad badan dhibsadaan, kuna nacaan hadaladiisa cad.

Dabeecadaha la yaabka leh ee weliba naftiisa sii takooray, laguna yaqaano Addoon-Waaq waxaa ka mid ah waa wiil gooni goosad ah oo had iyo goor naftiisa mashquul ku ah; waxaynna carruurta la d’ada ah u arkaan wiil qabiid ah, asbax karaahiya ah; noloshanna naftiisa ku soo koobay. Ma jecla inuu carruurta la maaweeleysto, muusig la dhageysto, filim la daawada; wuxuunna ka door biday kelinimo iyo nolol goosan ah.

Waa innan lagu ibtileeyey dabeecad naftiisa ka faquuqday bulshada kale, gaar ahaan ciyaalka faciis ah,taasoo u keentay inuusan wax xiriir ah ama is-dhexgal la yeelan carruurta dugsigga la dhigata, kuwa malcamada la dhigta iyo carruurta xaafada la deggenba. Waa maskiin wehel laawe ah, oo aan cidna wax ku darsan, isna aan waxba lagu darsan.

Innan d’a yar oo aan laheyn wadaay uu sirtiisa ku qarsado, damaciisa iyo dareenkiisa kala hadlo. Gacal iyo sokeeye waxaa u noqday, markastanna u ah dheesha uu ka daalacdo kombuyuutarka, weliba cayaarta shaxda ee uu la ciyaaro kombuyuutarka iyo buug la akhriyo; wuxuunna yaraantiisii horaba caan ka noqday maktabada ku taala degmada yar ee Marshall.

Magacyo badane maskiin ah, oo ay weliba dhaleen waalid shisheeye ah, kana soo jeeda qoys ku soo barbaaray nolol qaxootinimo oo qalafsan baa degmada Marshall looga arkaa; sidaas darteed la yaab ma leh inuu gooni isu kuuso, iskana xirxiro bulshada iyo carruurta kale. Hase ahaatee, bulshada isku mashquulsan ee ku hadasha af Soomaaliga, waxay ku

Addoon-Waaq wiil aan dhameyn, tilmaansadaan oo ay wax u dhimanyihiin islamarkaasnna fir ku leh tukur Yoose.

Labada waalid ee dhalay Addoon-Waaq waxaa ka dhaadhacsan in wiilkooda ay ku habsatay cillad yar oo nafsiyan ah, balse aan la garaneyn halka laga maray. In kamid ah qaraabada qoyska uu ka dhashay aabbihiis waxay qabaan habaar ayeeyo inay baleesbay Addoon-Waaq, kana dhigtay fadbiid dadka ka xir-xiran, oo aan bulshada dbex geli karin. Waxaase fikirkaas afka u dhigta, oo bal bacaad lagu lisay ka dhiga dadaalka waxbarasho ee Addoon-Waaq iyo isagoo mar walba kaalinta koowaad ka gala iskuulka oo dban. Maamulka iskuulka waxay Addoon-Waaq u hayaan xushmad gaar ah marka ay tahay dbanka edebta iyo waxbarashadaba.

Waalidkiis aad bay ugu qanacsanyihiin maskaxda fin> furan ee wiilkooda, balse waxay si boose isugu xansadaan tubunka iyo dareenka ay qabaan; marna ay si toos ah ama aan toos aheyn dadka ehelka ah iyo deriskaba ay uga maqlaan. Waxaa dilooday dhiil iyo dareen xanbaarsan in wiilkoodu qabo laba cudur midkood “duqnimo” ama “doqonnimo” uu la dhashay, si la mid ah sida qof kasta oo bina^aadam ah uu ula dhasho cudur ama iin uu dhaxal ahaan sido. Waanna sababta uu malaha uga duwanyahay carruurta la d’ada ah.

Welwel waxaa ku haya in wiilkoodu u dhaqmo sidii oday waayeel ah oo aakhiro iyo adduun soo dhameeyey, weliba habkuu u hadlo, su’aalihiisa ad^adag iyo hab fikirkiisaba. Su’aalo adag oo aan xad laheyn. Kelinimo iyo waqti aad u badan oo uu ku qaato dheesha kombuyuuturka iyo buug akhris. Hiwaayada keliya ee uula wadaago carruurta faciis ah oo dhan waa dheesha lagu ciyaaro kombuyuutarka, oo aad u mashquulisa, laakiin inta kale waa uga duwanyahay.

Labada waalid waxaa ku dhacay jaah^wareer iyo iska^ hor-imaad dhexdooda ah ee salka ku haya xaalada wiilkooda; haddana sidaas ay tahay way dareensanyihiin in wiilkoodu aannu ku sifoobin doqonimo iyo garaad gaabni, balse ay jiraan wax kale oo aan u muuqan, la taaban karin sida ay la tahay.

Addoon-Waaq iyo fadhiidnimo kala dheer, maxaa yeelay waa arday aad ugu wanaagsan waxbarashada, mar walbanna aan xitaa lagu ciriirin kaalinta koowaad; quraanka oo dhan dusha ka qaybay, weli isagoo aad u d’a yar. Sida ciyaalka la filka ah, ma aha wiil dagaalama, la dirira carruurta kale, laguna yaqaano rabshad iyo buuq; waxaanna dabeecadiisa sal u ah “Ha i daarin, kuma daaraye.” Isagoo kale waa nooca ay naag walba ama hooyo iyo aabbe kastaba ku riyoodaan mar inay dhalaan; waanna boqorka waxbarashada iskuulka.

Saaxiib ku-meebgaar ah ama saaxiibo ay kolkol isu keento danta iyo daruufta waxbarashada iyo tan deeggaanka iyo deriska xaafada ayuu Addoon-Waaq dhistay; waxaanna marmar la arkaa AddoomWaaq oo la socda xayn dhallinyara ah, una badan wiilal wada naaxayoo Mareykan ah.

Saacadaha uu gurigga joogo, hadduusan buug akhrisaneyn ama uusan keligiis isla hadleyn, oo fakareyn, wuxuu ciyaaraa shaxda kombuyuutarka ee carruurta loogu talagalay, wuxuunna ugu jecelyahay, oo uu aad u ciyaaraa cayaaraha Shaxda ee dhexmarta naftiisa iyo kombuyuutarka.

Dadka dhibsada magaciisa qalafsan, siiba dhallinyarada iskuulka la dhigata waxay magaciisa dheer ee carrabkooda qoyan ku adag u soo gaabsadeen “Addoon.” Magaca la isku kabdcabay, kana kooban xarfo la isku qasbay, oo qoorta la isu geliyey. Waxaa intaas u raaca, waa wiil maro-ku^dheg ah, oo wixii uu ku dhego aan laga fujin karin, lagana furfuri karin ilaa uu cadkaas ruqsado ma ahee, wayna adagtahay in go’aankiisa iyo hab fikirkiisaba la beddelo ama si fudud looga weeciyo.

Waase innan naxariis badan, oo ay ku adagtahay inuu fahmo ama cabbiro dareenka dadka kale.

Naftiisa wuxuu ku mashquuliyaa hadba wixii markaas uu arko ama uu la kulmo ama uu akhriyo ama istiinkiisa uu siiyo. Toddobaadyadii la soo dhaafay wuxuu ku mashquulsanaa, aadna ay maskaxdiisa uga doodeysay saaxiibkiis ay subax walba isku^arki jireen rugta baska iskuulka laga raaco; waxaynna sida badan wada istaagi jireen wadadda laamiga ah ee aan waxba ka fogeynguryahooda.

Naxdin iyo baqdin ayaa wareentay Addoon’Waaq markuu arkay goobtii uu saaxiibkiis

baabuurka ku jiiray laba toddobaad ka hor, inkastoo uu gaaray dhaawac iska fudud.

Caloobxumadaas iyo dhaawacaas isagoo weli la tacaalaya, islamarkaasnna iS’Weyddiinaya su’aalo badan ayuu misna food’Saaray dhibaato khabkhal hor leh ku abuurtay naftiisa. Tukulush caan ka ahaa xaafada oo dhan, si gaar ahna ugu sumadeysnaa Addoon’Waaq ayaa misna gaari ku jiiray wadada hor marta aqalkooda. Sir’ ma’qabe Wuxuu ahaa dabbangaalle reer magaal ah, kuna dhex barbaaray bulshada dhexdeeda, siiba gurigga qoyska reer Rafle.

Wuxuu ku noolaa geed weyn ooy laamihiisa ka dul raaraceen aqalka ay reer Rafle degganaayeen, siiba maqsinkii uu Addoon’Waaqa ku noolaa. Geedkii uu tukulushkaas fanan jiray, wuxuu si toos ah ugu beegnaa daaqada qolkii uu Addoon’Waaq ku noolaa; waxaanna labadooda dhex maray xiriir toos ah. Shilkaas aad buu uga xumaaday; wuxuunna waalidkiis u sheegay, isagoo weliba ay ka muuqato murugo weyn:

“Ma la qabtay ninkii dilay Sir’ma’qabe?” Looma jawaabin.

Dhool iyo Rafle ma jacleysan hadalka uu ku hadlayocurradkooda, waxaanna ku sii kordhay walbahaarkii ay ka qabeen xanta la xalaaleystay ee ku saabsan in wiilkoodu yahay maraan maskiin ah. Dabeecad ahaan, Addoon-Waaq waa wiil af gaaban, oo aan ku degdegin dadka, gaar ahaan dadka uusan aqoon badan u laheyn.

Waaa wiil aan sida badan carruurta la d’ada ah ku dhex milmin, kana takooran, oo gooni ka ah. Wuxuu aad u necebyahay in hoosta laga galo ama aad loogu dhawaado; in korkiisa la taabto, waanna sababta keentay inuu ka xanaaqo hooyadiis kolkay u muujiso gacaltooyo waalid, iyadoo madax-salaax iyo dhabanno ka dhunkasho ku asqaysa.

Ma jecla inuu la ciyaaro carruurta, sababtoo ah carruurta ayaa jirkiisa taabaneysa. Ma jecla inuu meelaha^ is^taag-taago, sababtoo ah dadka kale ayaa fiirfiirinaya, maadaama uu aad uga dheeryahay carruurta la d’ada ah.

Ma jecla inuu soo ciyaaro, sababtoo ah ciyaalka isma fahmayaan, mana rabo inuu la caytamo amaba la dagaalamo carruurta kale, wuxuu mar walba ka fogaadaa inuu carruurta dhex galo. Wuxuu xataa ka welwelaa inay ciyaalka kale jirkiisa iyo dharkiisaba wasakheeyaan hadduu la dheelo. Danta waxay ku kaliftay mar walba meel gooni ah inuu naftiisa ku kuuso.

Had iyo goor waxaa dhiba AddoomWaaq, oo dhiigiisa holciya marka dadka waaweyn ama ardayda iskuulka iyoardayda dugsi quraanka ama xataa macallimiinta ay been kula kajamaan, iyagoo ka wada maaweelo iyo madadaalo.

Si toos ah wuxuu dadka ugu muujiyaa hadalkaas inuusan jecleyn; waxaase lagu sabsabaa “waa iska sheeko dhallanteed ah,” laakiin waa adagtahay inuu fahmo.

Intaas waxaa u dheer waa wiil afgorac ah, oo aan hadli aqoon, aan dadka wax ka dhaadhicin karin,

islamarkaasnna aan fahmin hadalada casriga ah iyo hawraaraha maldahan ama hadalada isku dhafka ah oo ay isdhaafsanayaan ardayda; waxaynna ku qaadaneysaa waqti badan inuu fahmo. Hadduu xataa garto weeraha maldahan, waxaa misna waqti ku qaadata kala hufka murtida hadalka la yiri ama qoran iyo macnaha ka danbeeya hawraartaas. Waxay maskaxdiisa dhibsataa qeexida iyo garashada hadalada isbarkan ee suuqa looga hadlo oo ay dhallinyarada iyo carruurta la d’ada ah ku kaftamaan ama wax ku xantaan.

Waa toban jir muuqaal ahaan ka weyn, kana dheer d’ada uu jiro. Aad wuxuu uga dhex muuqdaa carruurta kale; waxaanna foolkiisa si fiican uga muuqda bilicda carruurnimada. Wuxuu marmar xirtaa indho^gashi uu aad u necebyahay, laguna qasbo mar walba; maxaa yeelay ardayda ayaa ku xifaaleysa ookiyaalaha qaabka daran ee uu sito. Waa wiil aad loo daneeyo aragtiidiisa iyo hadalkiisaba, siiba xilliyada uu iskuulka joogo.

Inkastuu yahay gaban yar, misna maskax ahaan iyo jir ahaanba uma eka innan yar; waxaanna had iyo goor lagu qiyaasaa d’adiisa ilaa sagaal iyo toban jir miciyo dhacsaday, oo adduun u soo joogay.

Huf iyo halaag wuxuu hooyadiis iyo aabbahiis, barrayaasha iskuulka iyo macallinka dugsi quraankaba uga dhigay su’aalo kakan, oo kadeed ah, oo aan weliba kala g’o laheyn. Waa su’aalo mararka qaarkood aan dabo iyo af la xariiriyo laheyn; su’aalo aan lagu arag dheg la qabto, oo aan warcelin loo heyn.

Su’aalaha AddoomWaaq uu ku wareershay waalidkiis iyo dadka kalaba, waa weyddiimo isku dheelitirin, oo garaad gal ah, balse maadaama weyddiimahaas loo arko su’aalo xasaasi ah, oo uu weliba soo jeediyey wiil xun ah, waxaa laga dhigaa wax aan hadaf iyo qiime badan laheyn, kuna yimid hadal tiro malaha salka ku haysa doqonimo aan weli la daah furin halka ay ciribta ku heyso. Waa su’aalo ay midba mida kale ka adagtahay, ka qalafsantahay, kana xasaasintahay. Waa weyddiimo ku saleysan waaqaca dhabta ah ee nolosha.

Su’aalo mararka qaarkood ku abuura dadka cabsi iyo welwel, mar-marna ku hafiya maad iyo qosol, aanse jawaab cad loo heyn. Haddii jawaab loo hayanna laga baqo in sida saxda ah looga warceliyo. Hooyadiis Dhoolwaxay marmar ugu faantaa hooyooyinka kale in wiilkeeda lagu maneystay burji, burhaan iyo caqli badan uu dheeryahay carruurt kale, taasna ay malaha ugu wacantahay xiriirka sokeeye ee ka dhaxeeya iyada, wiilkeeda iyo ninka la hadla islamarkaasnna waanadooda qaata yaxaasyada ku jira webiyada Shabeelle iyo Jubba.

AddoomWaaq wuxuu su’aalaa waalidkiis su’aalo la xiriira aqoonta sayniska, diimaha adduunka ka jira, dadka Soomaalida iyo dhaqankooda oo uu aad ula yaabo. Su’aalo la xiriira bina-aadanka iyo xayawaanka adduunka guudkiisa ku nool, Eebbe iyo mallaa’igaha, xiddigaha iyo dayaxa, geerida iyo nolosha, godka xabaasha iyo iilka aakhiro iyo weliba su’aasha ugu xiisaha badan ee waqtigan dunida ka taagan, ahna dhulka cusub oo ay u guureen dadka isbidaya heerka ugu sareeya inay ka gaareen aqoonta farsamada casriga ah, una guuray jagooyin ay ka iibsadeen meereeyayaasha cusub ee cirka dushiisa ku yaala.

Halkaas waxaa u guuray, isagana hayaamay adduunka iyo dhibkiisa wadamada isku sheega Dunida Koowaad; waxaanna ciida iyo boorka iyo bullaanka dhulka looga tegay dadka u dhashay dalalka Dunida Saddexaad.

Waxay wadamada Dunida Saddexaad isku heystaan,iskuna laayaan hanbadii ay ka guureen Dunida Koowaad.

Har iyo habeen waxaa dhulka iyo meereeyayaasha cirka korkiisa ku yaala isaga dhex goosha dayax-gacmeedyo u kala dab iyo duunya qaada cirka iyo dhulka.

Dhowr mar oo faradcu-tiris ah ayuu AddoonWaaq maqlay hooyadiis Dhool oo kula talineysa aabbihiis Rafle inay u guuraan meereeyayaasha cirka dushiisa ku yaala, oo ay halkaas iska dhiibaan, megangelyo weyddiistaan; waxaanna dhulkaas ka jirta dowlad ay maamuulaan ha ween oo keliya, ragganna ay ku hoos jiraan cagta iyo ciribta hoggaanka haweenka. Waa dal ay ragga aqalada joogaan, cunada kariyaan, carruurta korayaan.

“Siryji waa ma guuraan! Meeshii qaxooti lagu sheegaba ma isgeyneysaa adiga?” Rafle baa ku jikaaray Dhool markay weertaas kula kaftanto.

AddoomWaaq oo u muuqda inuu ku jaah-wareeray cilmi-dhagoolka waalidkiis uu ka maqlo iyo cilmhbuugga uu ka dheehdo dugsigga baa si lama filaan ah ula soo kuday:

“Aabbo, horta Ilaahey xaggee joogaa? Yaa inna abuuray? Sidee lanoo abuuray? Xaggee nalaga abuuray?”

“War naga aamus afka ku go’yee! Alla anigaa iska dhintay! Kan sidee u galaa!? Kan su’aalihiisa shirkiga ah aakhiro ayaa la igu cadaabayaa!” Dhool ayaa kucalaacashay, hadalkiinna raacisay:

“Walee af daboolan waa dahab! Toban jir aan aqoon cida abuurtay Ameerika ayaa lagu arkay! Hadal tiro aan xad laheyn iyo su’aalo kaba sii xun ayuu isku darsaday.

Waan iska garanayaa halka uu ka keenay su’aalaha xun’ xun ee shirkiga ah, oo Ilaaheey iyo diintiisa looga fogaanayo. Wallaan loo wehellin iskuulka xunka ah ee uu subax walba u sii foofayo, kana soo foofayo! Toban sano markaan jiray waan ogaa cida i abuurtay. Bisinka iyo Burddaha, maxaa qaldan?”

“Hooyo iga raali noqo, su’aashani waa tii ugu danbeysay oo aan idin weyddiinayo. Xaggee ku jirtaa soolka (nafta)? Ma garaneysaa meesha ay ku jirto, ma la arki karaa?”

“Nafta waa la arki karaa, lamana arki karo, laakiin ma aha wax la arki karo. Waa la arki karaa fartaada saar rubbada, waa iyada dhuqMhuq leh ama gacantaada xabadka saar, oo wadnahaaga taabo waa kan haw-haw leh. Laakiin haddanna ma aha wax la arki karo ama la taaban karo. Ilaahay ayaa garanaya,” Dhool ayaa ku jawaabtay, si ay isu-dhaafiso wiilkeeda warka iyo su’aalaha lagu saladay.

Intaas markay cod dheer ku tiri bay Yoose iyo yaraanteedii soo xasuusatay. Qalbiga waxay ka aragtay shinbu>yaxaastii isaga dat>qaadi jirtay tukur Yoose iyo nafteeda. Waxay gocotay yaxaasyadii uu Yoose la gorgortami jiray, una soo xero-gelin jiray Dhool, si ay dabadeed u wada dhalaan ubad dhaxla khayrka iyo burjigga labada garboodu saaran.

Waa arrin ay indhaheeda oo shan ah ku arki jirtay, mana ah wax looga sheekeeyey ama la been abuuray. Niyada iyadoo ka leh

“Walee kan kama foga Yoose!”

Dhool nolosheeda oo dhan ninka keliya oo ay u qaaday jaceyl run ah waa Yoose Gacameey, haba iska ahaado hadduu doono jaceyl waalan, oo uu qab^qable ka ahaa yaxaas jilfoole Makare ee weli ku nool webi Shabeelle. Weligeed ma soo marin cishqi sidaas oo kale ah; waanna sababta ay markasta laabta ugu sido, una xasuusato tukur Yoose iyo yaxaasyadiisa. Degdeg intay uga soo baraarugtay riyo^maalmeedkii ay ku jirtay, oo labada geesood iska fiirisay bay aayar shib tiri. Wax yar markay aasmusneyd ayey Dhool misna afka kala furatay:

“Iskuulka baas waa in aan ka beddelaa wiilkan xunka ah. Iskuul Islaami ah ayaan geynayaa. Sidan si ma ahan!

Diintii baa wiilkan lagu taagay. Hooyo, su’aalaha faraha badan ma fiicna. Iska dhaaf su’aalaha! Dadkii baad wadnaha jartay, oo aad weliba danbi iyo shirki u horseedaysaa, ma garatay? Waa Bidcinimo waxaas!

Subxaanallaah! Su’aalaha noocaas oo kale ah danbi iyodhib bay qoyska u soo jiidayaan ee jooji, war ma fahmeysaa waxaan ku leeyahay?” In yar markay aamustay bay hadalkeedi ku soo gunnaanuday:

“Nacallad baa nagu soo dageysa. Carro Alle baa na fuuleysa ee jooji hadalada xurvxun. Habaar iyo inkaar ayaa haddii kale nalagu halaagayaa.”

Waxay aad uga xumaatay Dhool weyddiimaha fakadka ah ee wiilkeeda afkiisa ka soo burqanaya, oo aysan weliba u kala soocneyn su’aalaha xasaasiga ah iyo kuwa aan xasaasiga aheyn, su’aalaha haameysan ee sida dhiil iyo dareen iyo su’aalaha diiniga ah iyo kuwa aan diiniga aheyn; su’aalaha gaarka ah iyo kuwa guud. Addoon-Waaq wax u kala soocan ayaaba iska yar. Agtiisa, su’aal, waa un su’aal ma tahay. Iyadoo ku dirqineysa inuu dhameysto saxanka canjeelada ah, oo ay saacad iyo bar ka hor soo hor dhigtay bay misna tiri:

“Wax ma cunayo… Muxuu wax cunaa, hadabtiro awgeed ayuu wadnaha la istaagayaa kan! Weyddiimo iyo war un baa ka soo haray! Bal fiiri siduu u ekaaday! Yaa is oranaya wiilkaan baa la nool hooyadii dhashay? Aniga ayuu i ceebaynayaa kan! Hooyooyinka kale ee ila kheyrka ah baa maalin walba igu caaya macaluusha ka muuqata wiilkaas xunka ah.

Isbitaalka haddaan geeyo, dhakhtarka wuxuu oronayaa cabbitaan sii… Cadaabta gal, oo kan cad u dhimo dheh! Bal muu daawo u qoro, cabbitaan ayuu un ila daba joogaa markaan u tago! Wakaa lafadafaha noqday. Dhakhtar kale ayaan u raadinayaa, kan dhakhtar ma aha!” Dhool baa ku calaacashay, iyadoo ku dhega hadleysa Rafle, oo ku baxsan daawashada ciyaarta kubbada cagta Mareykanka, oo si xiise badan uga socota taleefishinka.

Cannaantii iyo waanadii hooyadiis goortuu dhuuxay ayuu Addoon-Waaq in yar aamusay oo boroosinka u aasay dhaq^dhaqaaqa labada dibnood iyo carrabka dhextaalka u ah. Si tartiib ah intuu isugu tiirshay kursigii uu ku fadhiyey, isagoo aad moodo inuu ka fekerayo hadaladii kubkulaa oo ay hooyadiis ku canaannatay, islamarkaasnna isha la sii raacaya dayax^gacmeedka dadka u qaada meereeyayaasha ku yaala cirka korkiisa ee sida quruxda badan loogu dul dheehay sixniga uu canjeelada ka cunayo.

Shib iyo shanqar la’aan baa ammin yar oo gaaban lala shiiqay; waxaanna laga yara reystay daldalankii iyo dooxankii Addoon-Waaq. Rafle iyo Dhool qalbiga ayaa u xasilay, waxaynna iska dhaadhiciyeen in wiilkooda ay saameysay taladii iyo cannaantii hooyadiis.

Dhagax haddii la tuujiyo iyo haddii la taabto waa iskuhal! Boqol iyo labaatan ibbiriqsi iyo bar goortuu Addoon-Waaq la aamusay hadalkii ayuu mar danbe soo xasuustay tafsiirkii uu shalay ka dhageystay gaarigga aabbihiis, kana hadlayey maalinta Yoomal Qiyaamaha

“Aabbo, sidee dadka dhintay oo dhan maxkamad loo soo saarayaa? soo dad badan ma aha? Sidee lagu kala garanayaa qofkii danbi galay iyo qofka aan danbi gelin?

Macallimada iskoolka waxay maalin dhaweyd dhahday dadka oo dhan Janno ayey galaayaan!” ayuu u bandhigay aabbihiis.

“Waxaa jira laba mallaa’ig oo labadeednna garbood saaran ee had iyo jeer nala socda, na weheliya. Waa Catiid iyo Raqiib. Labadaas mallaa’ig shaqadoodu waxay tahay inay daqiiqad kasta qoraan, xisaabiyaan xumaan iyo fiicnaan ama shar iyo kheyr wixii ay dadka bina^aadamka ah sameeyaan inta ay adduunka dushiisa ku noolyihiin. Waa laba mallaa’igood oo aan wax kale qaban, aan ka aheyn inay qoraan waxyaabaha aan falno.

Laakiin mallaa’igaha Ilaahay waa badanyihiin. Waxa kale oo jira Munkar iyo Nakiir, oo ah labada mallaa’ig ee qabriga ku suga dadka. Ridwaan iyo Maalik, oo ah labada mallaa’ig ee naarta jooga; Jabriil oo ah mallaa’igta dadka ka qaada nafta… waa badanyihiin, mallaa’ig kastana howl gooni ah ayey qabataa. Laga bilaabo maalinta Jimcadawaxaad ii raaceysaa tafsiirka quraanka ee masjidka laga akhriyo.” Rafle ayaa hadal ku soo koobay, isagoo aad uga xumaaday weyddiintaas qaabka daran.

Wuxuu ka yara danqday su’aasha habowsan ee ka timid kurreyga uu dhalay, wuxuunna iska dareemay damiir xumo iyo gef cuius inuu galay. Cabbaar intuu hoos isula hadlay, ayuu niyada isaga sheegay “Acuudu Billaahi! Ma Yuhuud bay fir wadaagaan, su’aalo kululaa! Xaggee buu ka keenay su’aalahan bidciga ah? Kan maba hubo in aan dhiig wadaagno! Maxaa gubaya, oo naftiisa gilgilaya? Maxaa ka galay adduunkan uu Ilaahay maamusho? Waryaa Ilaahey yaqaana!”

Markuu u adkeysan waayey su’aalaha aan kala go’a laheyn ee wiilkiisa ka iminaya ayuu intuu istaagay afka uga duubay good yar, isagoo ku leh:

“Aabbo maanta laga bilaabo markaad gurigga timaado maradaas afka ku xiro, si aad afkaada u barto aamusnaanta iyo hadal yarida. Aniga kuuguma dhalin hadabtiro, mana hadal badni… ee… Islaanta ku dhashaynna, iskaba dhaaf warkeeda, xagee baad ka keentay? Hadal badan haan ma buuxsho! Markaad rabto inaad hadasho in yar feyd cadka marada ah ee afka kuugu xiran.

Nin weyddiineysaa weyn baad aakhiro tahay, iyo maanta qiyaamaha?

ayaad

ekaa xaafidul qur’aan baan ahaa. Waxaan xataa dhameeyey kitaabka Tafsiino Salaadka… Dhal qurbo, waa dhal qasaaro! Maaro uma hayo cabashada iyo dacwada joogtada ah ee ka imaneysa macallimiinta iskuulka iyo dugsi quraanka.”

Addoon-Waaq waa ka caloobxumaaday cannaantaas, inkastoo hawaraartaas, si aan toos aheyn ay u saameysay dareenkiisa, wuxuunna cod daciif ah ku yiri: “Aabbo iyo hooyo iga raali noqda… . Laakiin aabbo, Ameerika dadku wuu hadlaa, wax walabanna ‘niigooshiyeeshan’ ayaa lagu dhameeyaa.’ Adiga maalin walba waxaad ka cabbaataa… ee… qabiil hebel baa na laayey. Dadka aad maalin walba ka cabaneyso ‘niigooshiyeeshan’ maad la gashid?”

Hadalkaas Rafle wuxuu ku noqday mqaadamwaa iyo fajaciso! “Waa kurraygii aan dhalay, waxa sidaas iila hadlaya! Waa caasi, awalba iskuma hubin!” ayuu niyada iska yiri.

Addoon-Waaq baa misna la soo haaday su’aalo kale, markay ishiisa qabatay xayeeysiin ka socota taleefishinka kuna saabsan mucjisada badweynta iyo noolaha ku dhex nool:

“Horta biyaha badda maxay u yaraan waayeen? Muxuuyaxaaska uur u yeelan waayey? Sidee neberiga markab dhan u laqi karaa?”

Rafle oo ku sii jeeda daawashada taleefishinka, wuu iska dhega tiray su’aalahaas, wuunna is^dhaafiyey, isagoo isu diyaarinaya daawashada qaybta labaad ee ciyaarta kubbada cagta Maraykanka ee galabta dhex mareysa kooxaha Minasoota Faykanis iyo Taksis Kaaboys. Rafle wuxuu aad uga tiiraanyooday in Minasoota Faykanis cayaartii hore ee lagu qabtay hoygii ay heybada ku laheyd ee gobalka Minasoota looga adkaaday iyo in galabtauusan goobqoog u aheyn garoonka iyo goobta ay cayaarta ka dhaceyso.

Minasoota Faykanis waa naadiga kubbada cagta Mareykanka ee uu Rafle aad u tageero, aadna u jecelyahay hab ciyaareedkooda, dheeshooda quruxda badan iyo weliba isku duubnida iyo midnimada kooxda, islamarkaasnna ah koox ka soo jeeda gobalka Minasoota oo uu ku noolaa labaatankii sano ee la soo dhafay.

Mar walba wuxuu aad u taageeraa Minasoota Faykanis, isagoo ugu yabooha waqtigiisa iyo xoogiisa; waxaanna lagu tilmaamaa Rafle inuu ciyaartoyda iyo naadiga Minasoota Faykanis ka jecelyahay qoyskiisa iyo qabiilkiisaba, waayo wuxuu naadiga u fidiyaa taageero sharruud la’aan ah, oo isugu jirta iskaa-wax-u-qabsoisagoo ugu shaqeeya, isagoo xaaskiisa ku qasba inay ciyaartoyda naadiga u sameyso sambuus.

Waa koox uu u quuray inuu geliyo xoog iyo waqtiba, waxaynna maanta fooda-isdarayaan naadiga qowsaarada L’oda Raaca, sida uu Rafle ku xifaaleeyo kooxda Taksis Kaaboys. Sidaas darteed, Rafle maanta miyir badan ma laha. Inkastoo dhegihiisa ay si fakad ah, marna fan-faniin ah ku soo gaarayaan dooda dhex mareysa Dhool iyo wiilkeeda, misna labada dhegooda ayuu ka abuurtay, si uu u daawada barnaamijka falaqeynta cayaaraha, oo hor dhac u ah cayaarta daqiiqado ka bacdi dib u bilaaban doonta.

Intaas waxaa uga sii daran Dhool iyo ninkeeda Rafle, waxaa shiddo weyn iyo dheg^xurno ku haya akhlaaq xumada lagu tilmaamo wiilkooda iyo cabashada uga timaada macallinka dugsi quraanka. Waa dhaqan xun oo si kasta oo la yeelay iyo wax kasta oo AddoomWaaq lagu sameeyey marna laga goyn waayey.

Wuxuu wax ku cunaa, wax ku qoraa, marmarna dadka ku salaamaa gacantadbidix; waanna anshax aysan jecleyn labada waalid iyo bulshadaba.

Aad waxay uga tiiraanyoodaan kolkay arkaan wiilkooda oo qalinka ku haysta gacanta bidixda ama kitaabka quraanka ku qaadaya gacanta bidix; waxaanna marar badan lagulataliyey inay wax ka qabtaan anshax xumadaas, ka baxsan diinta. Weliba macallinka dugsi quraanka wuxuu ku abhiyaa labada waalid in aakhiro lagula xisaabtami doono haddii aysan wiilkooda ka horjoogsan dhaqanka isticmaalka gacanta bidixda.

46

Islaami ah oo geeska Afrika ka hanaqaada. Halgankii Sayid Maxamed, oo hamigiisu ahaa mar inuu dhiso dowlad ku saleysan diinteenna suuban, waxaa isna isu-gaashaanbuureystay oo cagta-mariyey Talyaaniga, Ingiriiska iyo Itoobiya.

Waad la socotaan gobalada qaarkood inay ka goosteen dalka intiisa kale, iyagoo leh far Laatiin baa afkeenna hooya ah. Waagii hore waxaa Soomaaliya looga hadli jiray af Laatiin, oo ay qoreen, dejiyeen gaalada kufaarta ah, si dadka Soomaalida diintooda looga weeciyo, islamarkaasnna afka barakeysan looga dhigo af shisheeye. Af shisheeye waxaa ah af Laatiinka iyo af Gaaleedka. Af Laatiin waa luqad aan qof Muslim ah loogu tala gelin; waxaanna loo sameeyey in lagu cabburiyo Soomaalida, si aysan u baran afka Muslimiinta Eebbe ugu talagalay, ahna af looga hadlo if iyo aakhiraba.

Shanta gobal ee habowsan ee xilligan aan hadda joogno dagaalka ku haya dowladda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Soomaaliya, waxay qoryaha iyo hubka u sitaan af Laatiin baa la dabar tiray. Su’aashu waxay tahay horta ma af Laatiin ay gaaladu qortay, oo weliba sal looga dhigay diinta Masiixigga miyaa afkayga hooya ah, mise afka Quraanka lagu soo dejiyey, oo ay diinteyda ku qorantahay baa afkayga hooyo ah? Alle maxay lunsanyihiin falaagada Shanta SSSSS’ood la baxday!

Bal maxaa ka galay af iyo far Laatiin, iyagoo heysta farta iyo luqada ajarka iyo xasanaadka laga helo? Ilaaheey waa nasteexeeyey, laakiin ma aysan garan, weligoodna garan mayaan, ilaa xoog lagu garansiiyo mooyee.

Mid kale waxay tahay easharada qur’aanka ee higa dhigo madarasooyinka quraanka iyo iskuulada dalalka Islaamka, waxaa gacanta ku haya gaalada diinteenna neceb. Soo yaab ma alia? Annaga easharada Kaniisada laga baxslio ma maamulno, mana rabno in aan maamulno. Dimida Muslimka casharada madarasooyinka lagu dhigo waxaa go’aamiya reer Galbeedka.

Yaa akhwaanun Muslimiin, Yaa AyuhalShabaab! Asxaabul Jano-Sugayaal, haddaad tihiin dad ay ka dhabtahay Muslnimada. 1 laddaad tihiin dad naftooda 11 diyaariyey janada aakhiro, waxaa inaanta iuoo furan jihaad! War diyaar ma u tihiin inaad naftiinna u quurtaan diintiinna cadowga badan?” Waedigii Sheekh Abiibakar ka baedi, waxaa cod baahiyaha mu’tamarka la wareegay Sheekh Khaliif Islaami, oo wacdigiisa iyo waanadiisaba ku bilaabay:

“ Waxaa jira hab dahsoon, oo dadka Islaamka ah lagu dhaqan iyo dhalasho rogo. Si ula-kae ah waxay dowladaha Qarbigu sun ugu aaseen xeebaha dalalka Islaamka ah sida Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Soomaaliya. Waqtigan aan hadda ku jirno carrumia ku dhalata magaalooyinka iyo tuulooyinka ku agyaala xeebaha dhulkeenna, waxay la dhashaau iiu ama eudurro ay ka qaadeen suntan ku aasan xeebaha.

CarruurtaSoomaalida ee ku dhalatay dalalka Qarbiga waxaa lagu abuuray cudurka maskaxda ku (Iliac a ee la yiraahdo Owtiisim, si ay fadhiid u noqdaan iyo in laga cabsiiyo waalidka Muslimka ah, si aysan u dhalin carruur danbe.

Waad la socotaan maalinba maalinta ka danbeysa tirada dadka Muslimiinta ah ee adduunka ku nool waa sii kordhayaan, oo dadka Ilaahay baa xaqa tusay, laakiin dad baa Muslimiinta sii badaneysa u arka (jalar ku soo fool leh adduunka. Waxaay faafiyaan kutirakuteen salkeedu yahay in jalbaabka 1111 keeno endurada laga qaadol’aanta faytamiin 1).

Illaaliey wuxuu haweenka Muslimka ah faray jirkooda cawrada ah inay asturaan, laakiin gaaladu waxay yiraahdeen jilbaabka wuxuu keenaa faytamiin 1) oo (jolina ku yaraada, si ay unimada uga horkeenaan diintooda.

Annagu geeri kama baqno maxaa yeelay qofka Muslimka ah wuxuu marka lloraba u dhashay inuu dhinto. Wixii maan-gaab ah waa ku raaceen, oo waad aragteen waxa bilcaan dharkii xoortay oo meelaha hirif-hirif leh sidii qolleey laga sii daayey qafiskii ay ku xirneydr Khaliif Islaami oo carreysan baa sii watay khudbadii:

“Boqolkiiba boqol waxay dadka Soomaalida ahaan jireen dad Musliin ah, maanta waxaad arkeysaan dad cawaan ah oo gaaloobay, oo weliba dagaal adag nagula jira. Waxay rabaan in Kaniisad looga dhiso Soomaaliya; waxay rabaan dalka inay ku faafiyaan, kuna abuuraan diin aan xaq aheyn, taasna waxaa u sabab ah Maraykanka iyo Yurub, oo dalkooda u raray dad ay ku slieegeen qaxooti si ay Masiixiyiin uga dhigaan.

Maanta waxaan aragnaa maxsuulkii ka dhashay. Waxaa ka dhashay Soornaali diintoodii laga beddelay. Waxaa ka dhashay in wadaadka ugu weyn ama baaderiga ugu sareeya diinta masiixiga inuu nonqday nin Soornaali ah ee la yiraalulo Boob Isma-lure, oo weliba qabiilkiisa la yaqaano.

Markii horaba waxaa Soornaali da qaxoonti ka dhigayreerGalbeedka,siay u hantaan dumar iyo carruur iyo dhallinyaro rafaadsan oo dejiyaan Ameerika iyo Yurub; ka dibna la korsado, lana baro diinta Kiristanka. Waxaan manta jira kooxo sita magacaSoornaali oo u ololeynaya in Jamhuuriyadda Islaarniga ah ee Soomaaliya ay oggolaato lab-lab guursada ama dheddig-dheddig kale dlieri la wadaaga. Waa maxsuulkii ka soo baxay dadkii Yurub iyo Ameerika la dejiyey.

Magaca Soornaali gaaladu waxay u taqaanaa, oo ay illa baxeen yaanyuur ama bisad xun, si ay u bahdilaan sinjiyada qofka Soomaaliga ah. Si ay u qiime tiraan diinta aan aaininsanahay. Waa magac salka ku haya quursasho iyo naceyb loo hayo Soomaalida Muslimka ah. Waxaa nalaga ursanayaa waa diinta Islaamka ee ma alia wax kale.

Waad ogtihiin bisadu waa xayawaan lala xiriiriyo belaayo iyo baas, sliar iyo shuush, oo kadeed iyo kelif badan sida dumarka oo kale inkaar hadan, lagaña Bismillaahiyeesto. Dhibta iyo shiddada ka buuxda bisadu ma muuqato, maxaa yeelay bisadu waxay leedahay maskax iyo naf jinni. Waxaa muuqda oo keliya quruxdeeda iyo inay tahay xayawaan caano iyo nabad ku nool, sida “cowraleyda” oo kale. Waa xayawaan sideedaba lagu xiriiriyo “dheddiga.”

Bisadu waa xayawaan basar xun, oo raaxo jecel, wareeg iyo war badan. Waa xayawaan xan hadan, cagtanna ma dliigto, waa tan sida dumarkii liadha mus taagan ama xaafad ka sheekeysneysa!

Mukulaashu vvaxay aragtaa marka qofka nafta laga qaadayo, oo uusan hina-aadamku arki karin. Indhaheeda vvaxay ku aragtaa nafta oo ka sii baxeysa qofka hina-aadamka ali jirkiisa, aadamiga iyo xayawaanka kale ma arkaan. Mukulaashu waxay u dhega nugushahay, oo ay dareentaa, weliha sii ogaataa markuu soo soedo dhul-gariirka. Bal 11 fiirsada bisada indhaheeda quraarada ah, waa helaayo iyo basar xun u joog!

Intaas waxaa u dheer, bisadu waxay maqashaa ciqaabta, calaacalka iyo cabaadka qofka meydka ah ee qabriga lagu dhex caddaabayo, hina-aadamku ma maqlo. Waa xayawaan il-kulul, sida hablaba. Waa xayawaan ku tolan jinniga. Waa xayawaan basar xun, oo weliha neeeb dhibka iyo shaqada adag, sida haweenka; waanna astaamaha ka muuqda islaanta falan ee ka talisa Shanta Laatiinka.

Waa xayawaan raaxo jecel sida haweenka; waa tan liad iyo jeer isku kala bixisa, ku dul seexata liadba meesha raaxada hadan sida sariirta ama gogol kasta oo xariir ah, kuraasta ishuunyada leh. Waa ma shaqeysato aan dhidikeeda maalin! Waa sahabta ay ugu hixiyeen magaea Soonmali. Waad la socotaan dimida waa iska gebo-gebo, taasna waxaaba kuu cadeyneya inta firqadood oo ay Muslimiinta u qayhsanyihiin maanta. Waxaa lagu jiraa xilligii la sheegay ee Ahuu-Dijaal iyo soo noqodkii Nebi Ciise.

Maanta waxay dowladaha Yurub iyo Ameerika ku hanjabayaan ear-daaqaha inay ka dhigayaan, oo weliha qunbuladooriyad ku ridayaan Kaebada iyo Dhagaxa Madow. War bal faduushaas eega! Ma moodaa inay awoodaan oo ay burburin karaan Xaramka Eebhe . . . Yaa Muqafalliin! Waxa kale oo ay sheegteen Xaramka inay ka soo weerari doonaan meereeyaha Saxal-gaduud ee cirka dushiisa ku yaala.

Yaa Akhwaanul Shabaab . . . Yaa ayuhal Jano-sugayaal fadliga jihaadka waxaa ka mid ah in jannada loo bailan qaaday qofkii naftiisa u hura jihaad xatj ah,” ayuu sheekh Khaliif Islaami ku hakiyey easharkii guubaabbinta iyo kieinta ahaa, iyadoo la gaaray xilligii salaada Maqrib la tukan lahaa; waxaanna la xasuusiyey dhallinyarada in berito la bilaabayo eashar la xiriira farsamada loo fuliyo jihaadka.

Halkii sano ee uu Cabdi Ilaah ku jiray hoyga Kas l iyow waa maskax iyo muuqaal qayirmay; waxaana riiqmay xargihii isku hayey nudaha iyo unugyada xubnaha oogada. Waxaa isbeddelay hab-fekerkiisa, dareenkiisa ku aadan diinta Islaamka iyo guud ahaan hina-aadamka oo dhan. Col iyo cadaab wiixuu la galay, niyada ka duub-duubtay dadka oo dhan, gaar ahaan dadka

aan Muslimka dhabta ah aheyn ee baadiyoobay.

Wuxuu eadowtinimo xun 11 liayaa Muslimiinta aan fikirkiisa iyo firqada uu ka tirsanyahay aan la qaybsan; wuxuunna u arkaa Murtidiin, Ashahaado-la-dirir, Islaam khilaaf diinta ka soo horjeeda inay yihiin;

wuxuima inannar niyeestaa inuu mar ku jano-tago qof Muslim khilaaf ah.

Waxaa ku ahuurmay dareen qalafsan iyo cadowtanimo uu u liayo wax kasta oo nool, weliba Muslimiinla firqadiisa aan ka mid alieyn iyo dadka masiixiga all ee ku nool Mareykanka iyo Yurub.

Wax walba oo ay bina-aadamku ku hadlaan, sameeyaan, qoraan ama sheegaan wuxuu u arkaa xaaraan; waxaana xaq ula muuqda wax kasta oo looga sheego machadka nadiifinta maskaxda ee Kas Fiyow. Waxaa gubaya naftiisa, oo had iyo goor uu maskaxdiisa ka dhex arkaa, kuna soo noqnoqda wejigii Ayuub Farxaan. Habeen kasta ayuu ku qorwaa, kuna riyoodaa Ayuub oo naarta ku dhex addoonsanaya; Ayuuba oo beerka, wadnaha iyo caloosha kala soo baxaya naarta dhexdeeda isagoo ku jira. Qaylo iy qarow ayuu habeen kasta la salalaa.

J ir aliaan Cabdi Ilaah waa rifinay, oo weliba riiqmay; wuxuima noqday innan la rafaadsan rifan iyo macaluul. Wuxuu haatan isu rogay nin dlieer, oo garweyn leli, macaluul iyo nafaqo daro la soo godmay, oo weliba tuur qaab daran oo ay sal u tahay cunto xuino, nafaqo daro iyo isla-hadal, walbahaar waalid, walbahaar reer aakhiraad iyo qooinaineyn dlieer ee uu naftiisa la galay iyo weliba dirirta u dhaxeysa wadniliiisa jilicsan iyo maskaxdiisa qalafsan ee aan gar qaadan; wuxuima u muuqdaa inuu d’a aliaan xataa ka weynyahay wadaad-xumaha ku barbaariya kulliyada Kas Fiyow.

Maskaxdiisa waxaa sii riiqay oo burbur ba’an u geystay cawl-wareershe iyo maadooyin kale oo tira badan oo had iyo goor si toos ah ama aan toos aheyn loo siiyo, iyadoo cuntada loogu daro; waxaanna ka muuqda biixiyo dhuub-dhuuban iyo jir aan hilib iyo xeer lagu arag, ha yeeshee, loo geliyey khamiis cad oo aan la moodin inuu qof nool oo bina-aadam ah ka dhex muuqdo waydnimo darteed. Aad iyo aad waxaa isu beddelay r’ayiga iyo dareenka uu ka qabo dadka iyo dalka Mareykanka ee uu ku dhashay, kuna soo koray.

Waa dalkii iyo dadkii ku soo ababbiyey heybada ilbaxnimo ee ka muuqata;dad la-dhaqanka iyo xaq-dhowrka uu dheeryahaydhallintaxerada kulajirta. Waa hibo uu dheeryahay sheekliyada m’utamarka uga wacdiya iyo askarta mintidka all ee tababarka siiya, oo aan naftooda iyo mid kale xushmad u heyn. Ameerika ayaa ka dhigtay inuu noqdo innan dadka luidalkooda dhageysta, xushmeeya.

Waxbarahsada iyo dhaqanka Ameerika ayaa ka soo saaray inuu noqdo innan ixtiraam weyn u haya dadka ka fikrad duwan iyo inuu dhageysto dareenkooda, ra’yigooda iyo waxa ay ku qilaafayaan, isagoo aan dagaal kala hortegin ama aan isu arag inuu ka saxsanyahay. Waxaa qaabeeyey naftiisa iyo noloshiisii hore, oo wax ka dhigay bulshada Mareykanka ee uu la soo qaatay waqtigii noloshiisa ugu xasaasinaa, uguna muhiimsanaa.

Waa wiil markuu xataa safka cunacla, sciika cadayga ardayda, safka musqusha uu ku jiro iyo markuu taaganyahay safka ciidanka kaalintiisa suga, isagoo aan boob iyo mooryaanimo ardayda la clliex gelin; in kas too Icigu caayo wiil daciif all inuu yaliay, oo gaalada ay soo barbaarsatay. Sanadkii uu ku noolaa Soomaaliya,

weliba kulliyada Kas Fiyow, waxaa loo rogay nafley amar-ma-diida ali, una dhega nugul amarka ciidanka, kuna jiheysan meel qura.

Had iyo jeer vvaa iska dheg dhacsanyahay, waanna niyad jebsanyahay.

Wuxuu li xuub-siibtay coomaadi carro iyo ciil meel la kaduuda, kana amar cjaata wadaad-xumayaal iyo gacan-ku-dhiigyaal jagooyin ka haya maamulka Islaamiga ah ee mayalka adag.

Afar iyo lahaatanka saac marna fasal ayuu ku jiraa, oo tafsiir marna siyaasadeysan, marna qabyaaladeysan ayuu dhageysanayaa, marna ciidan ayaa eryanaya oo tababbaraya. Waqtiga aadka u yar ee u soo liara, waxaa iuta badan loo sliidaa fiidiyow ama filim ka hadlaya jihaadka iyo waxlarkiisa.

Intuii xoogaa yara diday, oo hoos bisinka ka qabsaday ayuu soo xasuustay in lagu kufaaro, oo weliba naarta adduunka iyo tan aakhiraba lagu waarayo haddii mi ka dhega adeygo amarka iyo talada ay u jeediyaan wadaadada jihaadka ku hanuuniya maalin walba. Islamarkiiba hoosta ayuu ka yiri “Sheyddaan baa maanta sliiikli ii noqday! Istaaqfurrulaah!”

Saddexdii aroornim, goortuu diiqii subaxnimo samada ka ciyey ayaa ciidankii seeriga loo qabtay, waxayna degdeg u galeen saf dheer, iyagoo horrin-horrin isu daba taagan.Weli safka iyadoo la taaganyahay baa misna horrin walba oo ciidanka ka mid ali waxaa loo sii kala saaray dhowr unug, waxaanna unug kastahoggaanka u sida arday ka lirsan ciidanka.

Unuga Shabaabul Ingiliiisiya oo u badan dhallinyarada ku soo barbaartay dalalka af-Ingiriiska looga liadlo, waxay hoos tagaan Cabdi Ilaah. Jiscin iyo agab wixii ay ciidanka siteen waxaa loogu raray gaarigga is-daba-jiidka ciidanka; waxaanna loo socdaa maanta qaybta ugu muhiimsan tababbarka sifeynta maskaxda.

Saakay waxaa dhallinta sooma-jeestayaasha ali loola jarmaaday inay soo maraan, soona qaataan cutubka ugu danbeeya leylliga ee loo yaqaano “Cirib-tirka Cabsida/’Waa lababbar adag, oo qalbi-gariir iyo suuxdin ku rida ardayda. Qofkii si fiican uga soo dhalaala, kuna guuleysta wuxuu helayaa derajo aqoonsi ah. Sidaas awgeed waa maalin weyn, oo u baahan calool-adeyg iyo inuu qofka iska baaro geesinimo aan xad laheyn. Ardaygii aan intaas muujin maba aha Muslim dhab ah, mana aha arday daacad u ah dowladda.

Ciidankii waxaa lagu daadshay jasiirada Maanyo. Ilalkaas waxaa lagu keydiyaa maxaabiista lagu soo qabqablay akhrinta buug iyo kitaabo quraan ali, oo ku qoran af Laatiin; kuwa lagu lieysto qoraalo iyo sheekooyin hal-abuur ali, kuna qoran afka ifka oo keliya looga liadlo. Jeelka qamta ali ee isku genbisan, kuna yaala bartamaha badda dhexdeeda waxaa lagu liayaa maxaabiis si cad uga soo horjeesatay qorshaha dowladda; waxaynna ciidankii kala fariisteen goobiliii loo kala qoondeeyey.

Dhafarkii xalay iyagoo la rafaadsan islamarkaanna saf-saf u fadhiya dliulka ciida ali ayaa la hor keenay nin maskiin ali, oo qaba macawiis calashay, islamarkaasnna labada indhood loo duubay; waxaanna daba socda

54

dhagaxa ula dhacaan, naftanna uga qaadaan. Godka waxaa si adag ugu haya eedeysanayaasha, uguna giijinaya ciida culus iyo bacaadka kulul ee lagula aasay haadaanta loo qoday.

Dhagxaan aad u tira badan,islamarkaasnnasigaarah loogasoo shaqeeyey ayaa loo qaybiyey unuga Shabaabul Ingiliisiya. Waa dhagxaan qor-qoran, afaf dhuub-dhuiiban, oo inuduc adag leli; dhagxaan sidii waranka qofka jirkiisa uga dhex dusaya.

Dhagaxii ugu horeeyey wuxuu Cabdi Ilaah ku halgaaday islaantii saf ahaan dhankiisa soo xigtay, oo weliba si gaar ah isaga loogu suinadeeyey, si nu naftiisa u furto, una muujiyo daacadnimadiisa iyo inuu leeyahay iimaam huuxa islainarkaasnna ay diinta dliab ka tahay.

Dhagaxii un ku halgaaday islaantii, wuxuu kala helay bartamaha dhakada, isagoo bisinka qabsanaya, marna towxiidsanaya. Uurka iyo laabta ayuu kala soedaa qofka un shiidayo, oo uu maanta gacantiisa ku dilayo, baise wuxuu naftiisa ka dhaadhicinayaa inuu dliagax ku dilay naag khawaarij ah, weliba sineysatay. Dhiig kulul oo xowli ku soeda ayaa islaantii madaxeeda mar qura ka soo firdhaday, wuxuimna gaaray khamiiska cad ee Cabdi Ilaah; oo mar danbe la amray dib u gurasho.

Dan lima gelin ee inta dib isu majeeray ayuu misna soo cantoobsaday dliowr dliagax oo kale, si uu nafta uga jaro naagta loo calaamadeeyey, baise u arka inay tahay khawaarij,’ niyada iska leli “ Kol haddaan maanta muujiyey Muslinimada inay iga dhabtahay. Axamdulillaahi!” Intaa waxaa u dheer, isagoo leh ajar iyo xasanaad baad maanta kororstay!

Waxaa sujuuda haweenka iyo wejigoodaba mar is qabsaday dhiig iyo xinjir culus oo isku guntan. Madaxa iyo wejiga iyo luqunta baa mar qura isku dumay; waxaanna bannaanka u soo baxay maskaxdii oo dhooqeysan, iskuna shamiinteysan iyo xayr cadead oo dusha uga dahaaran iyo dhuuxa ku jira lafta madaxa oo iswata, oo jiid-jiidmaya, kuna soo fatahay labada dhafoor iyo dhegaha dushooda.

Lafta koonbada ee ku daboolan madaxa kolkay bur-burtay, iskuna buus-buusantay waxaa bannaanka yimid labadii indhood iyo xandulaha iyo dhecaanka maskaxda oo iswata. Inkastoo ay goor liore dhinteen, misna waxaa dubbaaxinaya xubnaha jirkooda. Waa astaan muujineysa in naftaas ay u dhaaraneyso qofkii gacatniisa ku gooyey. Waxaa si cad u inuuqda qaybaha maskaxda ee burburay, oo dubbaaxinaya.

Cabbaar goortii la joogay, si loo hubsado inay naf baxeen iyo in kale ayaa haweeneydii xigtay dhinaca Cabdi Ilaah inlay madaxa hoos u rogotay bay mar danbe ku qaylisay hadal ku abuuray Cabdi Ilaah farxad iyo baqdin isku jira. Waxaa lagu taagay dhiil iyo cabsi. Mar kalana waxaa lagu taagay farxad iyo nasteexo iyo inuu klieyr iyo ajar muteystay maanta. Si aan cadeyn waxaa labadiisa dhegood u soo gaaray hadalkii ay tiri islaantii uu gacantiisa ku dilay; waxaase shaki ka galay inay tiri “Muqdisho,” ama inay tiri “Mareykan!”

Waa yara kbalkbalayCabdi Ilaah; wuxiiuse niyada ku dbistay inuu Ilaahay dartiis u fuliyey dilkaas, oo aliaa dii xaq ali. Markiiba waxaa meydkooda lagu guray gaari 11 la cararay qabuuralia lagu xabaalo dadka u gefa diinta iyo dowladda Jamhuuriyadda Islaamiga oh ee Soomaaliya.

Cutubka 3aad

Ilaahayow Maxaad Soomaali Iiga Abuurtay!

Wiil iyo aabbihiis kala talo iyo tusaale qaata, isuna ah ul iyo diirkeed bay 11 muuqdaan goortay gaarigga ka soo wada degteen. Labadaba waxay labisanyihiin dharka ugaarkaah taageerayaasha naadiga Minasoota Faykanis.

Rafie wuxuu xiranyahay jaakad weyn oo uu dhabarka uga sawrianyahay oday shaarbo weyn leh, oo xiran koofiyad leh laba geesood oo fi iuta kore 11 qal-qaloocan, sida orgi carbeed gaboobay oo kale; laguna xardhay midab isugu jira huruud iyo bulling taq ah.

Addoon-Waaq asna madaxa waxaa u suran koofiyada astaanta u ah kooxda Minasoota Faykanis iyo garan weyn oo lagu masawiray ciyaartoyda naadiga oo dhan. Waxay ka sheekeysanayaan cayaartii dhoola tuska aheyd 00 ay kooxda Minasoota Faykanis u soo bandhigtay taageerayaasheeda ay sida gaarka ah u qadariso. Rafle xamaasad kulul waxaa ku reebay gool qurux badnaa oo uu cunay mid ka mid ah ciyaartoyda.

“Aabbe, waxaan waa tareeniin (tababbar) lee waaye, ma aha ciyaar run ah, maxaad ‘saad’ u tahay (uga xuntahay)?” Addoon-Waaq baa aabbihiis niyada ugu dhisay. Rafle waxaa talada wiilkiisa uga weyn, kuna hanweynyahay mar inuu arko wiilkiisa oo mar garta qiimaha cayaaraha, kana mid noqda xiddigaha ciyaaraha kubbada kolleyga. 11a, yeesliee, waa calaacasha cad oo ay timo ka soo baxaan Addoon-Waaq inuu ka mid noqdo naadiyada dalka ka ciyaara, maxaa yeelay adduunkaba wuxuu ugu necebyahay eiyaar iyo rag waaweyn oo is eryanaya ama kubbad ceyrsanaya maanta oo dhan.

Si dhab ah wuxuu odayga reerka u rumeysanyahay haddii wiilkiisa uu ku biiro mid ka mid ali naadiyada cayaaraha kubbada-kolleyga ama kubbada-cagta inuu kasbanayo maal iyo magac naftiisa waxtar u leh. Had iyo goor kolkuu Rafle tukado salaada, gaar aliaan salaada Subax iyo tan Casar, labada gacmood kor intuu u taago ayuu Eebbe ka baryaa inuu wiilkiisa ku