Baalkii Madoobaa ee Noloshayda

2016

WARSAME CUMAR XUSEEN “SHIIDLEEY”

Dhamaan xuquuda buugan waxay u dhawarantahay qoraaga. Lama badsan karo si kasta oo loo dhigaba, iyadoon ogalaansho loo haysan. Cidii ku xadgudubta waxaa lala tiigsan doona maxkamad sharci ah oo adduun ama waxaa lala sugi doona mid aakhiro ee Alle,iyadoo shareecada Islaamku ay meel cad ka istaagtay xaaran ahaanshaha bililiqaysiga buugta, sida ku xusan buuga “Xuquuqda Daabacaadda” ee Sheekh al-Albaani.

Mahadnaq

Mahad dhammaanteed waxaa iska leh Alle swt ii suurtogaliyey dhammaystirka buuggan kooban, waxaan sidoo kale u mahad celinayaa waalidkaygii isoo barbaariyey ee igu tabcey iganna dhigay qofka aan hadda ahay Alle ka sakow.

Hordhac

Baalkii Madoobaa ee Noolashayda kolka koobaad, inta aad si dhaygag leh isu taagto ayaa aad u hollan doontaa inaad akhrido magaca, dabadeed aad kala furto si aad u daalacato nuxurka gudihiisa ku jira; waxbaad dareeemi doontaa, niyaddaadana bilawgaba ruxi doona mustaqbal gabadheed oo quruxdiisu soo carfayso, bilawga goortaad akhrisato waxaad dareemi doontaa mustaqbal dhan walba ka qurux badan. Ugu horraynta, nolosha curdinka ah iyo hanka aqooneed ee gabadhan qisadu ku socotaa siday u bilicsan tahay ayaad la dhici doontaa kuna dareeen siin doona ifa-faalaha mustaqbal ee gabadha iyo sida ay meel sare u hiigsanayso; haddana dhanka kale isla daqiiqado ka gadaal nolol guri , jacayl, naxariis iyo niyad samaan leh ayay laydheedu ku jiidhi doontaa; adigoo sii baraadla’ ayay albaabbada naxdintu markaliya isku kaa ballaqi doonaan! Maan kaaga waxaa kusoo deg-degi doona niyad jab, rajo-dhig, nacayb-rageed iyo inaad guur inan rageedba ka xanaaqdo! Waxaase kuu caddaanaysa, tabaha iyo xeeladaha ragga noocooda gaabsi doonka ahi ay gabdhaha ku hodaan kuna hagar-daameeyaan. Waxaad sidoo kale ku baran doontaa sida rag badani ay ugu cayaaraan mustaqbalka gabdho badan oo aan nolosha u bislayn. Ninku kolka uu khayaano usoo xadhka soohdo kama nasto illaa uu ka gungaadho, waana halkay daaran tahay maah-maahda odhanaysa “nin danleh ma daalo”.Dhiganahani wuxuu macalin bilaa shilimaada kaaga noqon doonaa tabaha lagu soo xero geliyo gabdhaha kuwa ugu weyni inay yihiin ereyada dareen taabadka leh ee macaan kuwaa soo muujinaya jacayl aan dhuunta dhaafsiisnayn iyo daacad nimo aan carrabka ka korayn taasi oo ay adag tahay inay fahanto gabadh yari illaa mid gaaso-baxday mooyee. ? Buuggan oo si xikmadaysan, misana xeeladaysan uu qoraagu ugu soo gudbinayo sheeko la yaab leh oo ka dhacday gudaha magaalada Xamar sannadihii lasoo dhaafay, dabadeedna qalinka inta la dultagay si heersarraysa innoogu soo gudbiyay. Waxa ay qisadani ku habsatay gabadh da’yar oo markaas soo baxaysa qurux iyo qaayana isku darsatay balse nasiib darro uu qalbiga ka xaday ragga nooca loo yaqaanno “Shabeel-naagoodka” mid ka mid ah. Intii uu gabadhan marxaladaha kala duwan la maraayay wuxuu u adeegsaday hubka qalbiyada dumarka lagu gumaado kuwooda ugu culus uguna awoodda weyn, si uu u gaadho danta uu ka leeyahay. Waxa ay taasi dhalisay in gabadhii kalgacayl aan jirin lagu sabo lagana danayso, iyadna ay waydo guud ahaan mustaqbalkeedii gabadhnimo iyo kii geeddi socodkeeda nololeed labadba. Qalanjadii curdinka ahayd oo ku cataabaysa, “Caku inan rageedoow, Maxaad gabadh cunteenood, Cidlo madhan dirteenood, Cisigii ka faydeen” misana ciirsi weyday oo calool xumo daraadeed xilliyada qaarkood isla hadlaysa, ayaa qoraha la wadaagaysa gun iyo baar sidii ged-geddoonka waayuhu ku ahaayeen intii marxalladdan kakan ay dhex muquuranaysay iyo hadda siday wax yihiin. Iyada ayay qisadani qabsatay, iyada ayaana ah mataalaga ugu weyn ee qisadan. Muddo markii af macaan lagu sabo, waxaa lagu beeri doonaa jacayl aan dibnaha dhaafin iyo mustaqbal guur oo aan maanka gaadhsiisnayn; waxay la jiifi waayaysaa jacayl mala-awaal ah, kaasiyoo oontii ka jaray anfaca dhammaanteedna uga soontay, iyo illin aan xad lahayn oo ku gun-xidhan waayidda muuqiisa oo sida dheemmanta ugu hillaaca, muddo waxay la noolaato dareen aan jirin oo la dhacsanaato hawo been ah iyo farxad malo-awaal ah, waxay soo gaadhaysaa xilligii uu ka dheeraan lahaa. Gabbal dhacii ay faraxa iyo rayn-raynta kaga soo guryo-noqotay wuxuu isku geddiyay mid murugo iyo ciil badan, waxay qaadaysaa “badnidaa habeen yahaw, baryi waaba waagii” . Goortuu ooggu iftiimay, maba aysan seexan’e waxay caga-cagaynaysaa daqiiqadihii ugu eedaadka iyo anfariirka badnaa; waxaana la joogaa gegida diyaaradaha ee Aadden Cabdulle, cagtuu saaray ayay gacaha dhulka la weyday, waxay kasoo baxday garoonkii diyaaradaha iyadoo qalbigu ruxmayo. Noloshu ayaantaa dabadeed waji gabax iyo madaw ayay isu beddeshay boholyawga caashaquna boqol ayuu kor u dhaafay, balse nasiib umay helin aleenkii koowaad uu usoo diro inay is maqlaan, dharaaro ka gadaal kolkii lays helay ayaa halkii lagasii amba qaadayaa jacaylkii danaysiga ku salaysnaa! Mudo waxay sidii ahaataba Yaasir oo ahaa danaystihii maanka gabadha dullaystay ayaa soo gaca dhigtay banderka Xamar, ray-rayn iyo u riyaaqid dheer ka gadaal wuxu la helay dabinkii uu la rabay kolkuu ka danaystayna waaka tagay. Meel uu jaan iyo cidhib dhigay kolkii la waayay dantu waxay is baraysaa gabadh la dhalatay Yaasir oo ahaa danaystiihii makalay mustaqbalkii ifayay, kama aysan helin gar-gaar buuxa, niyad jab iyo luuf-luuf dheer ka gadaal, Yaasir muusan mahadin wuxuuna galay dhakhtar taasiyoo loo dhigay qalliin xubinta taranka ah! Sheekadan oo ah mid wajiyo badan, danta ugu weyn uu qoruhu ka lahaa oo ah, sida ugu habboon in loo soo tebiyo gabbood-fallada raggu u geystaan haweenka iyo dhaqanka tacaddiga ku salaysan ee ay kula dhaqmaan aalaaba gabdhaha. Sidoo kale ujeedka ka dambeeya soo gudbinta sheekadani wuxuu biya dhaceedu yahay wacyi gelin iyo digniin akhriste yaasha tusaale nool u ah siiba gabdhaha aan wali nolosha u bislaan, sidoo kale akhriste yaasha waxa loogu talo-galay inay noqdaan farriin tebiye-yaal intii aanay qalin ku gaadhin carrab ku gaadhsiiya iyaga oon lunsanayn xaquuqda qalinka qoraha. Dhiganuhu wuxuu u qaybsan yahay afar qalcadood oo mid kastaa ku qotonto hirarka iyo is ged-geddiga qisadu hadba halkay marayso, taasiyoo akhristaha u sahlaysa isku xidhka iyo mid kastaa macnaha ay xambaarsan tahay. Dhiganuhu wuxuu u qoran yahay qaabka ugu qurux badan uguna farshaxansan ee wax loo qoro, suugaan cuddoon ayaa ku xardhan iyo ereyo ka turjumaya xaqiiqada hadba halkay wax marayaan. Akhriste kastaa wuxuu ku raaxaysan doonaa qaab-qoraalka dhiganahan. Akhristuhu keliya qisada iyo biyo-dhaceeda uun ugama faa’iidaysan karo ee sidoo kale wuxuu uga faa’iidaysan kara qaab-qoraalka xardhan iyo sida dhigane soo jiidasho leh loo qoro. Yaan lagaaga sheekaynine adigu noqo ka sheekeeye kuna cibro qaata dadkana uga faa’iideeya.

Barashadii Madoowayd

1

Waa goor salaaddii Maqrib uun hadda laga soo baxay oo gabbalkii dumay. Waa cawaysin neecawda dhacaysaa ay ku fiican tahay laba abqaalay jacayl oo yagleelay reer inay ku laydhsadaan oo ku wada damaashaadaan laydha saxansaxada wadata iyo jawiga qurxoon ee dhulka, buuraha iyo cirka isku gedaaman si ay usoo xasuusiyaan abuurka kalgacaylka laabtooda jiifa iyo quruxda qoyska ay ku midoobeen. Waxaan ka soo baxay irridda dhexe ee gurigayga anigoo u socda inaan wakhti ku qaato dhisme ka kooban miis iyo afar kursi oo ku hareeraysan oo nooca lagu nasto ah oo ku yaalla dayrka aqalka aan ku noolahay. Waxa aan salka la helay mid ka mid ah kuraastii waa kursi si qaab leh la isu dul saaray, dushana waxaa ka marsan rinji midabkiisu caddaan yahay. Marka aan halkan naftayda saacaddo kooban kula qaato waxay iiga duwan tahay dhammaan saacaddaha kale ee aan cid kale la qaato, marka laga reebo wiilkayga curad ee Cabdiraxmaan oo aan aad u jecelahay ina ilowsiiya dhibaatooyinka ku xeeran wakhtiga aan ku suganahay.

Guriga cid aan Cabdiraxmaan yare ahayni iguma weheliso hadda, isaguna soo-jeed badan oo maanta ah ka dib wuu yara seexday. Dabadeed waxaan door biday inaan wakhti siiyo amaanadda (nafta) igu jirta si aan isu xisaabiyo ama nafta ugu sasabo waxyaabo hore oo tegay si culayska aan dareemayaa iiga kala yaraado. Goortii aan fadhiistay kursigii waxaan lugtayda midig dul saaray tayda bidix. Ka dib waxa aan si aan gabbasho lahayn u daawaday quruxda xiddigaha midiba meel ku libidhsan tahay ee aan weli si toos ah cirka isugu shareerin iyo dayaxa shan iyo tobnaadka ah ee ku dhow inuu dhulka sidii dharaar ay tahay u iftiimiyo, daawashada quruxda cirkan uu Alle SWT taagay ayaan in muddo ah ku maqnaa.

Waxa ay ilbidhiqsiyo gudahood maskaxdaydu soo celisay xusuuso hore oo qurux badan iyo waayahii anan mahadin ee ka danbeeyey. Waa gu’yaal qiimo badnaa oo ku siman xilligii inannimadayda iyo damacaygii burburay ee caawa halkan i fadhiisiyey. Waxaa sida dhibicda roobka isaga soo daba dhacaayey xusuusaha ma-guuraanka ah ee ku duugan laabtayda kuna qoran farta waaweyn iyo khadeeyaha aanay sinaba suurtogalka u ahayn inuu masaxmo Alle amarkii mooyee. Waa xasuuso kal hore iyo bilawga amintaan garaadsadey illa caawa oo aan halkan fadhiyo, ee aynu ka war doonno oo ogaanno bal mawjaddaha aan xuduudka lahayn ee isku kay dhex hirdamaaya iyo halka ay ka bilaabmaan.

Waxa aan madaxa la kacay oo aan garaadsaday anigoo la nool qoys ka kooban Hooyo, Aabbo iyo walaalo dhammaantood wiilal ah oo laba ka mid ahi ay iga waaweynaayeen, halka labada kalena iga yaryar yahiin. Waxaan isku arkaayey inaan ahay dheemman yar oo ku dhex nool qasri ay cammiraan waalidkay iyo walaalahay oo i jeceli. Nolol baan ku soo koray la iga badiyey koolkoolin, ilaalin iyo inaan noqdo qof waxa ay doonayso lagu ixtiraamo oo loo qabto. Waxaa intaas garab socday in waalidkay xil weyn iska saaraayey toosinta dhaqankayga, ku barbaarinta edaabta saxda ah ee Alle SWT iyaga faray iyo dhaqanka Soomaalinnimo ee quruxda badan ee jidaynaaya dhawrsoonaanta hablaha. Waxa qoyska Alle iga beeray ka unkay oo laga dhisay magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamuuriyadda Soomaaliland, waa isla halka aan ku dhashay aniga iyo afartayda walaal ee hadda jiraa. Hargeysi waa magaalo si aad ah maalinba ta ka dambaysa uu koboc ka muuqdo oo dadku u bislaadeen in ay rogaan shaagga horumarka.

Waxay noloshu ku socoto qadar Eebbe oo aanu ku noolaanno nolol qurxoon waxa isa soo taraysey da’ayda. Markii aan jiray lix sanno ayaa waxaa lay geeyay malcaamad Quraan, taas oo ahayd bar bilowgii waxbarashadayda. Halkan marka ay maraysay waxaa Alle SWT Hooyo iyo Aabbo ku arsaaqey ilmo kale oo lix nagu noqday. Dabadeed waxa aan is waydiinaayey “Tolow ma adiga ayaa lagu labayn doonaa mise inamadiina ayaa shan noqon doona?” Waxaan wakhtigaas aad u xiiseynaayey inaan helo wehel xagga inannimo ah oo i labaysa. Nasiib-wanaag sidii ayey u dhacday oo waxaa dhalatey Magool-yar.

Laydhan qabow ee dhacaysaa waxay si ballaadhan ii xasuusinaysaa waayahii carruurnimo ee aan soo maray oo aad u qurux badnaa, Tusaale ahaan Hooyo waxaan aad uga baryi jiray in ay Magool-yar ii dhiibto oo aan qaado, ka dib waxay igu sasabi jirtay “Hooyo Magool waa wax yar oo way inaga jabaysaaye marka ay inoo yara weynaato ayaad hayn doontaa”. Hadda Ayaan hadalladaas hooyo si fiican u garanayaa, waayo wiilkayga yar ee Cabdiraxmaan uma aammino gacan aan tayda ahayn waana dareen hooyonimo oo qurxoon.

Waxaan ku dhex jiro noloshaas jacaylku hadheeyey oo aan ku soo barbaarr dhabta waalid i jecel, caawa waxaan isku qancinayaa in anney waxaas oo dhami jirin oo aan ku noolahay gurigan afarta gidaar ah ee isoo eegaaya, ee dusha qasriga uga eeg laakiin hoostiisa anan ku helin farxaddii ay noloshaydu u baahnayd. Hirarka iska soo daba dhacaaya aynu ku noqonno.
Muddadii aan dhiganaayey malcaamadda Quraanka markii laga joogey sannad iyo badh, ee aan dhigtay lix iyo toban jis oo Quraan ah, aniga oo suuratul Kahf badhtamaha kaga jirey da’dayduna aad ayay u yarayd xilliga aan Quraanka baaxaddaas leeg dhigtay, ayaa ay dabadeed waalidkaygu markaas Ii diyaariyeen sidii ay dugsi ii soo qori lahaayeen. Maalmo yar ka dib aabbo waxa uu i geeyey mid ka mid ah dugsiyada ku baxa luuqadda Carabida oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Aabbo maalintaas waxa uu barahii i qoraayey dugsiga u sheegay sida aan Quraanka u xafidsanahay iyo halka aan maraayo. Intaas ka dib waxa uu barahii aabbo ku amaanney sida wanaagsan ee uu iigu tarbiyadeeyay diinta Islaamka iyo dhigashad Quraanka. Ka dib waxa uu aabbo u sheegay inuu iga qaadi doonno imtixaan oo uu i geyn doonno fasalka aan la qabsan karo. Waxaan maalintaas galey imtixaan yar oo iska fududdaa oo uu qaarkood afka iga weydiiyey. Kuwo kalena qalin iyo warqad inta uu ii dhiibay ayaa uu ii yeedhiyey waxoogaa higgaad ah oo uu barahaygii Quraanku ii dhigey. Natiijadaydii ka soo baxday waxay noqotay in fasalka labaad la i geeyo sidaasna dugsigii la igu qoro. Waxaa la yidhaahdaa carruurnimada waxba laguma illaabee maalintii iigu horreysay dugsiga iyo fasalkaygan cusub, illaa caawa oo aan ubad haysto ayaan si fiican u xasuustaa jawiga maalintaas iyo waxyaabahii ku gedaannaa.

Waxaan dhex fadhiyaa fasal anan qofna ka garanaynnin. Labadayda walaal ee iga waaweyn ayaa dugsiga dhigta waa se fasalka afraad oo iima dhawa. Dhan waan ku faraxsanaa waxbarashadayda cusub dhanka kale deegaanka aanan cidna ka garanayn ayaa i saameeyey dabadeed waxaa qasab igu noqotay inaan ardayda dhex galo oo aan is baranno. Maalintaas wixii ka danbeeyey waxaan noqday ardayad ka adag duruusta loo soo dhigo. Sidaasi si la mid ahna qaadata amarrada igaga imanaayey barayaasha wax ii dhigaayey ee aan ardayadda u ahaa.

Waxaan sidii ku dhammeeyey dugsiga hoose/dhexe oo aan muddo toddoba sanno ah dhiganaayey aniga oo ka mid ahaa ardayda ay sida gaarka ah barayaashu ugu kalsoonaayeen inay dugsiga sumcad u soo jiidi doonaan. Da’daydu 16 sanno ayey dhammayd markaan dugsiga hoose/dhexe kaga gudbay kaalinta labaad dhammaan dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ku baxa luuqadda Carabida oo ay haayado maamuli jireen wakhtigaas illaa haddana ay maamulaan. Waxaan sii watay waxbarashadayda oo waxaan galey dugsigii sare oo isna ahaa dugsi gaar loo leeyahay.

Marxaladda dhallinyarnimada yaan galey oo waxaan noqday gashaanti meel fog laga soo arko oo dhawrsan isla markaana sidata xijaabkii Alle SWT ku waajibiyey. Kollay waa tarbiyad iyo dhaqan wanaag lagu yaqaanno inan muslimad ah oo dhowrsanaantu u tahay sharaf iyo iney kaga badbaaddo waxyaabo badan oo ay kow ka tahay cadho Alle. Waana sababta aan uga baxsadey dhibaatooyin badan oo barbaarta soo food-saara marxaladda dhallinyarannimo.

Barxaddan aan fadhiyo waxa aad mooddaa inay iyadu igu tukhaantukhinayso mahadhooyinka aan la illaabi karin ee uurkayga jiifa. Tan iyo intii aan dabka ka baydhay illaa caawa oo aan halkan yuruuro oo aad mooddo inay badweyntii farxadda ahayd ee aan soo qaatay ay ku soo koobantay gurigan aan ku noolahay ee anan garanaynnin meel aan uga kaco. Waayo nafta ayaa i leh “Walbahaarka iyo degganaansho la’aantaadu yaaney cid kale saamaynnin. Adigu waayahaaga laabta ku hayso oo ha kugu koobnaato ilmada dhabannadaada qoysay”. Waxaan mararka qaar ku fekerayaa tolow yaa maalmaha qaar noloshaadii hore ah kuu soo celiya, si aad u faraxdid oo culkayska ku saarani kaaga kala yaraado. Laakiin waxaan ka dharagsanahay in iska daa maaline aanu xataa ilbidhiqsi ii soo noqonaynnin oo markaas ayaan ogaadaa inaan iska riyoonaayo. Dib aynu u jalleecno xusuusaha sida xawliga ah isaga soo daba dhacaaya.

Waxaan noqday qof Alle SWT hanuuniyey oo waalidna ku tabcay isla markaana uu iigu deeqi jiray wax kasta oo baahiyahayga aasaasiga ah ee nolosha aan looga maarmi karin. Xilligan waxaan dhexda kaga jiraa geeddiga waxbarasho eee dugsiga sare, hamigayga waxbarasho waxa uu ku aaddan yahay aqoonta daraasaadka Islaamiga ah oo ah barashada iyo ku-camal-falista mid ka mid ah nimcooyinka ugu waaweyn ee Alle inagu galladey isla markaana ah waxa keliya ee weligay iga dhex guuxaayey.

Marxaladdan xilliga dhallinyarada ila midka ahi ku jirto waxaa u cusub hasaawaha iyo inuu qof kastaa raadsado qof u qalmaaya oo uu nolosha la qaybsado. Laakiin aniga waxa aad mooddaa inaan gebi ahaanba ka duwanaa aragtida noocaas ah ee dhallinyaro badani naawilayso, isla jeerkaasna ay u haystaan inay tahay tallaabo hore loo qaado. Waxaa tan lagu garan karaa in amintaas da’yarta illa midka ahi siiba hablahu ay isugu faani jireen inta lab ah ee ay la haasaaween ama xidhiidho la lahayeen. Inamada dugsiga ila dhigan jiray qaarkood waxay isku dayi jireen inay ii soo dhawaadaan oo ila sameeyaan xidhiidh ku salaysan midka dhallintu wadaagto, se dheg uma dhigi jirin oo waxaan naftayda ku qanciyey in haddii Alle SWT ii qoray inaan noloshayda cid la wadaago inuu ii iman doono aniga oo aann gaaf wareegin. Haddii aanu iiba qorinna aan raalli ku noqon doono, waayo waxaa xaqiiq ah in aan waxba laga dheefin dibed-wareegga. Inantu haddii ay gashaantiyowdana waa looga fiican yahay in waddooyinka lagu arko oo lagu tilmaansado dhaqan xun. Tani waxay ahayd sumcad-wanaag iyo anshax la igu soo koriyey oo aan illaa hadda aan abaal ugu hayo waalidkey. Alla maxaan farxad badan la soo qaatay waalidkaygii iyo qoyskaygaan jeclaa ee uu guddoomiyihiisa iyo gadh-wadeenkiisaba uu ahaa aabbahay Alle dharaaro badan ha daayo oo ha u siyaadiyo caafimaadka, cududda iyo cimrigaba’e.

Dhaqannada suubbani guud ahaan waa caado lagu yaqaanno qoys si fiican u barbaariyey ubadkooda una dhabar adaygey turunturrooyinka kala duwan ee noloshu soo bandhigto, iyaga oo mar kasta door bidaayey in ay bulshada u noqdaan kuwo lagu daydo oo lagu majeerto sida kala dambaynta leh ee ay u maareeyaan nolosha qoysnimo ee hor taalla.

Waa Alle mahaddii, hadda waxaa la joogaa gebogabadii dhammaystirka geeddigii waxbarasho ee soo taxnaa muddada saddexda gu’ ah ee aan dhiganaayey dugsiga sare, waxaana la gaadhey goortii loo fadhiisan lahaa Imtixanaadka shaahdiga ah ee lagaga gudbaayo dugsiga sare loona xamaan-guranaayo heerka koowaad ee waxbarasha Jaamacadded. Waxa aan muddo kooban gudahii soo dhammaystay dhammaan wixii oggolaanshiyo looga baahnaa inaan galo Imtixaankaas ee igaga xidhnaa dugsiga. Waxaa si habsami leh iigu dhammaadey Imtixaankii anigoo maalin kasta aan ka soo bixi jiray aniga oo aad u faraxsan Eebbe amarkii. Muddo ka dib waxaan diyaar u ahaa gelitaanka Jaamacadda, kaas oo sida dharaarta iigu caddaa waxaan rabo inaan barto oo ah diyaarinta kuuliyadda Daraasaadka Islaamiga ah. Laakiin hadafkaygaas guud mid kale ayaa ii raacey hadda oo ah inaan caafimaadkana qayb ka barto si aan xirfad maaddi ahna u yeesho.

Caawa oo aan halkan ka fadhiyo dhammaan cilmigii aan soo bartey ayaa waxay xasuustaydu si fiican u soo celinaysaa labadaas hadaf ee xilligaas maskaxdayda ku wada jirey. In kasta oo aan mar kasta lahaa hadaf guud haddana waa kan oo damac kale ayaa i galey. Dabadeed waxa aan is-tusay inaan labada Jaamacaddood halmar wada galo oo labada daraasadoodba dhigto, haddii wedku i daayo. Fekerkaas iga dhex guuxaayey waxa aan go’aan ku gaadhey inaan aabbo kala tashado oo aan talo meelmar ah ka dhegaysto, waanan u bandhigay. Waxaana aniga iyo aabbo na dhex martay sheekadan;

Aniga. “Aabbo waad ogtahay oo waxaan sugayaa waa yeedhinta Imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiga sare. Waxa aan diyaar u ahay inaan galo Jaamacad oo aann diyaariyo barashada daraasaadka Islaamiga ah. Kaasi waa hadafkayga guud iyo waxaan weligayba ku hammiyi jiray inaan fuliyana diyaar baan u ahay intaa aan noolahay. Laakiin Aabbo waxaa ii dhinac socda damac kale oo waxbarasho oo aan isna jecelahay ka-midhodhalintiisa, waana barashada caafimaadka gaar ahaan noqoshada kalkaaliso caafimaad oo adeegta ummaddeeda mustaqbalka haddii Alle idmo. Aabbo waxaan rabaa taladaada iyo go’aannadaadii aan weligayba ku liibaani jiray inaad tanna ka amar-bixiso oo aad i tusto waxay kuula muuqato”.

Aabbo. “Aabbo Mullaaxooy waxaan kaa dhex arkaa yididdiilo iyo rejo nololeed oo qurux badan. Waxa aan Alle SWTmar kasta uga mahad-celiyaa inuu ikaa siiyey adiga oo iiga kaa dhigay gashaanti aan markasta hab-fikirkeeda ku farxo. Aaabbo ma waxa aad doonaysaa inaad labada Jaamacaddood mar wada bilowdo markaa?”

Aniga. “Haa Aabbo haddii ay agtaada suurtogal ka tahay”.

Aabbo. “Haye Aabbo waan kugu raacsanahay waxii kharash ah ee ku baxaayana aniga ayaa dusha u ridanaaya. Laakiin dedaal dheeri ah ayaa lagaa rabaa, waayo Jaamacaddu way hawl badan tahay adiguna laba ayaad rabtaa inaad hal mar wada bilowdo”.

Aabbo waa waxaan uga bartay in aanu weligii i niyad-jebin oo uu ii aqbalo waxii wanaag ah ee aan jecelahay. Hadalladiisuna dhiirri-gelin bay ii yahiin iyo inaan u shidaal qaato sidii aan marar badan rog-rogi lahaa shaagga horumarka. Aad ayaan soo dhaeayntiisa ugu diirsadey habeenkaas.

Aniga. “Aabbo yeelitaankaagu waxa uu ii dhisayaa riyooyinka iyo rejooyinka aan leeyahay. Waxa aan kuu ballan qadayaa in anan weligay wax ku niyad-jebiya samayn doonin, tallaabo anan kaa talo gelinna ku dhaqaaqi doonin intaan noolahay. Mahadsanid Aabbo”.

Waxa keliya ee aan dhawraayey waxa uu ahaa yeedhinta imtixaankii dugsiga sare. Waxay ahayd maalin Jimce ah xilligaan helay farriin sheegaysey in aroorta oo ay Sabti tahay lagu dhawaaqi doono Imtixaankii aan sugaayey. Waa la gaadhey aroornimadii waxaanan u baqooley dhankii dugsigu iga xigey. Waxoogaa yar ka dib waan gaadhey goobtii dugsigu ku yaalley waxaana laygu wargeliyey in la soo wado oo uu jidka ku soo jiro. Waxa aan iska fadhiistay mid ka mid ah kaabadihii dugsiga si aan ugu sugo. Inyar ka dib waxaa kadinka dugsiga ka soo galey gaadhi sida Imtixaankii aanu sugeynnay aniga iyo boqollaal arday oo kale. May ahayn wax la qiyaasi karro shucuurta ka muuqatey wejiyadooda taas oo Arday kastaaba ku rejo weynaa inuu derejo sare kaga gudbo Imtixaankaas, dhammaantood waxay ku uruureen goobtii uu taagnaa gaadhigii.

Markaan sidaas uga soo dhaqaaqey halkaan taagnaa waxaan maqley magacayga oo saddexan oo lagaga dhawaqaayo mikirifoon cod dheer oo gaadhiga guudkiisa saarnaa kaas oo sheegaaya inaan ka mid noqdey ardayda ku guuleysatey tobanka kaalmood ee u sarreeya waddanka oo dhan, farxad ayaan maalintaas kala qaboobay oo waxaan ka dhaqaaqi kari waayey goobtii aan taagnaa een natiijadayda la iigu sheegay waana mid aan filaayey inaan ku gudbi doono derejo muuqata.

Hambalyeyn badan ka dib waxaa maamulkii dugsigaygu igu wargeliyeen inaan helay deeq waxbarasho oo waddanka gudahiisa ah isla markaana aan geli doono Jaamacadda aan doonaayo iyo kuuliyadda aan jecelahayba si aan u sii wato waxbarashada. Tani waxay ii sii kordhisay farxadda ah inaan aabbo ka dul qaaddo qarashka mid ka mid ah labadii Jaamacaddood ta kalena uu isagu bixiyo. Sidaas ayey wax kastaaba iigu dhammaadeen tii bilaashka laygu xareeyeyna aan uga dhigtay Kuuliyadda daraasaadka Islaamiga ah oo aan muddo Afar sanno ah aan dhiganaayey.

Xusuusahaasi dhammaantood waxay ku salaysnaayeen maalmo ay nolosha ka buuxeen farxad iyo raynrayn saa’id ahi, oo ah maalmahii aan dhex mushaaxaayey carruurnimadii iyo marxaladda aan xilligaas afka la galey ee dhallinyarannimo. Waxaa maanka caawa ku soo noqnoqanaaya in haddii ay suurtogal tahay maalmahaas ku noqoshadoodu aan degdeg ugu laaban lahaa si aan waxoogaa iskaga soo maydho urugada daashatay garaadkaygii iyo jidhkaygii curdinka ah ee inannimo. Mararka qaar waxaan hiifaa dhex joogga gurigan dusha ka qurxoon ee aanay hoostiisa waxba aniga ii oollin. Haddana waxaan naftayda taabsiiyaa xaqiiqada ah inuu i hurran yahay noloshayda intii Alle iigu talo galey inaan ku dhex qaato khasabna ay tahay inaan la qabsado nolosha tani aanan raallida ka ahayn. Waxaaban ka baqayaa in Cabdiraxmaan-Yare soo tooso inaga oo wali dhex mushaxaaynna maalmahan isoo maray ee aan u milicsanaayey sidii oo ay ii soo noqonayaan. Laakiin tolow maxaa halkan ka danbeeya? Adigu se akhriste ma is weydiinaysaa waxa holaca ka dhex shiday qalbigan kuu warramaaya ee dhex jibaaxey mahadhooyin qalbigayga ku duugan oo sida dharaarta uga dhex muuqda? “Haa” dheh. Ina keen haddaba aad wax ogaatide.

Qoomamadii Nolosha

2

Jaamacaddii ayaan isa soo qoray, wax kasta oo la iiga baahnaana waa aan dhammeeyey. Midda aan daraasaadka Islaamiga ah aan ka dhiganayey waxay ahayd dawli, halka ta kalena ay ahayd mid gaar loo leeyahay. Dhigashada laba Jaamacaddood oo mar keli ah la wadda bilaabayaana ma hawl yara oo waxay u baahan yahiin dedaal dheeri ah oo aan kala go’ lahayn. Waana waxa keliya een niyadda ku hayey wakhtigaas. Dhanka kale waxaan ahaa gashaanti rag badani la dhasheen oo saacaddaha ay guriga joogto aanay hawli ku yareyn oo waxaan gudan jirey dhammaan waajibaadka i saaran ee inannimo. In kasta oo ay hooyo iyo Magool yar oo Iyana hadda ah fasalka lixaad ahi ay markasta ii sheegi jireen inaan iska nasto intaan guriga joogo, si aanu culays faro badani ii korin. Laakiin iima dhadhami jirin hadalkaasi ee masuuliyad ayaan isa saari jiray oo waan qaban jirey intii awooddayda ah.

Waan wadaa labadii Jaamacadood laakiin dhinac ayeynu u janjeedhsan doonnaa inta aynu sheekadan ku guda jirno, waayo waa halkii noloshayda saamaynta ugu badani igaga timid. Waa dhinaca Jaamacadda aan ka dhigto daraasaadka Islaamiga ah. La soco weli inay laydhii qaboobayd ee aan u bogey caawa iguna dhalisay inaan soo dhiraandhirriyo xusuusahaygu ay dhabannadayda ugu dhacayso sidii oo ay i farayso inaan ka warramo oo aan hore ugu sii socdo gunta laabtayda ay waayaha badani jiifaan. Taas oo ay sabab u tahay laab-kac hor-leh marka la barbardhigo xaaladda aan hadda ku suganahay, waxaa khasab ah inaan qalinka iyo warqadda weli isla daba taagnaado oo aanan marnaba kala qaadin si ay u daabacaan xusuusaha aan soohdinta lahayn ee xilligan iska soo daba dhacaaya.

Fasalka aan Jaamacadda ka mid noqday ee Kuuliyadda daraasaadka Islaamiga ah waxaa ku midoobey arday lab iyo dheddigba leh oo aan u arkaayey iney noqon doonaan kuwa aanu geeddiga waxbarasho ee ku siman afarta sanno aanu isku sii fasal ahaan doonno, haddii geeridu na dayso oo duruufaha noloshuna noo saamaxaan inaanu sii wadda joogno. Waxyaabaha ayaantaas igu cusbaa waxaa ka mid ahaa inaan markii iigu horreysey fasal-wadaag noqonno inamo marka laga reebo xilligii aan malcaamad Quraanka dhigan jirey oo sannadahii u horreeyey fasalkayagu isku -jir ahaa. Intii dugsiga hoose/dhexe kala gelin ayaanu dhigan jirnay xilligii dugsiga sarena isku gelin ayaanu ahayn, laakiin waanu kala fasallo duwanayn.

Xaalad kasta oo uu qofku galo qabatin ayuu ku sameeyaa, sidaa awgeed waxaa ii eekayd inaan barto ardaydan igu wadda cusub ee aanu fasal-wadaagta noqonney. Dhammaantoodna waxaanu isku barrannay weji-furnaan iyo walaalnimo dhexdayada taallay illaa maalintii aanu Jaamacadda ka baxnay oo hadda laga joogo sannad iyo badh. Sidaas ayaanu ku dhammayney sannadka qaybtiisii hore (semester one), waxaa la galey tijaabooyinkii lagu soo xidhaayey qaybtaas hore si qaybta sannadka ka hadhey u bilaabanto. Dhinaca kale (Jaamacadda kale) waxaan gelaayey tijaabo kaas la mid ah tanni waxay ii ahayd fursad aan ku ogaan karo inaan isku sii wadi karro labada Jaamacaddood iyo in kale. Nasiib-wanaag waxaan keenay dhibco aan filanaayey labada dhinacba, taas oo ii noqotay yididdiilo aan ku sii wadi karro himilooyinka aan lahaa wakhtigaas.

Waa la soo noqday si loo furo sannadka inta hadhay (semester two) dabadeed markii toddobaadkii labaad la joogo ayaa waxaa fasalkayga ku soo biiray arday cusub. Waa Mooge oo waxa uu ka soo wareegay mid ka mid ah Jaamacaddaha gaarka loo leeyahay. Inkasta oo anan hadda garan karin sababta uu u soo wareegay xilligaas haddana waxa uu noqdey arday firfircoon oo markiiba fasalkii ka dhex muuqday. Waa shakhsi aad mooddo in anney jirinba cid ay isdiidaan dabeecadda uu leeyahay dartii, taas waxaa muujinaysa in markiiba uu si furfuran u dhex galey innamadii kale ee fasalka nala dhiganaayey iyaga oo ay dhammaantood ka wada mahad sheeganaayey dhaqan-wanaaggii uu la yimid fasalka. Intaas waxaa dheeraa in barayaashayadu aad u jeclaayeen oo waxa ay markasta caddeyn jireen inuu ardayda u yahay hage iyo tilmaame wanaagsan oo ku boorinaaya dhinaca wanaagga iyo khayrku ka xigaan. Intaas waxaa ka darnaa in hablaha fasalka aanu wadda dhiganaynnay indhahooda laga akhrisan karaayey damaca Mooge kaga jira. Waayo maba ahayn shakhsi la nici karo ee waxa uu ahaa qof Alle SWT siiyey hibooyin kala duwan oo uu bini’aadanka qalbiyadooda ku hanan karro.

Bal aan dib isugu soo noqdo anigu, Mooge waxa aan u arkaayey walaal cusub oo fasalka ku soo biiray waxa uuna iila mid ahaa ardaydii horr fasalka usii dhigan jirtey marka laga reebo firfircooni badan oo uu kaga suntanaa iyaga. Muddo markaanu isku fasal ahayn ayaa Mooge waxaa galey damac, Soomaaliduna waa tii hore u odhan jirtey “Ragga damac iyo dacar midina kama dhammaadaane” waxaa qalbigiisa si weyn u degtay inan ka mid ah hablaha fasalka ay wada dhigtaan, qofkaasina cid kala may ahayn ee waa aniga, kuma se baraarugsanayn jamashadiisa.

Weli qof lama samaynnin xidhiidh joogto ah, damac igama gelin cid, imana haleelin dareen Jacayl la yidhaahdo oo aan qof u qaadaa laakiin tolow suurtogal ma tahay inuu Mooge yahay qofka aan caawa sida aadka ah uga fekeraayo ee noloshayda oo dhan saamaynta ku yeeshay?
Anigu waxba kama ogayn oo warba kamaan qabin waxa uu Mooge qalbigiisa ku hayo ee ka dhex guuxaayey laakiin bal aan soo minguuriyo sida uu dareenkaasi ku dhashey iyo isaga oo ku qorey mid ka mid ah buuggaagtiisa xusuus-qorka oo aan mar danbe akhriyey waxaana ku qornaa sida tan.

“Waxaan dhawaan ku soo biirey fasal ay ardayda dhigataa yihiin kuwo wanaagsan oo aan midna aanu ka kale ka dhicin. Waxaa se aniga markii u horreysey qalbigayga si rasmi ah u xaddey Mullaaxo oonu fasal wadaag nahay. Ma garan karo oo malahaygu ma tibaaxi krro saacaddahii iigu horreeyay een iyada caashaqo, waxa keliya een ogahay ayaa ah inay tahay qof sida boqoraddaha qasrigeedu yahay qalbigayga oo waxaan jeclaysanaaya aragtideeda iyo la hadalkeedaba. In kasta oo aanan helin wakhti aan hadalkeeda si fiican u dhuuxo waayo Mullaaxo ma ahayn qof gebi ahaanba kor u eegta ragga xishoodka ka batey dartii. Waana sababta u weyn ee ay naftayda u qancisey, marka laga yimaaddo quruxda Raxmaanku qayb waafi ah ka siiyey”.

Intaasi waxay ahayd bilowga boggaga hoere ee buuggiisa xasuus-qorka oo aan inyar idiinka qadhiidhay, bal aynu ku noqonno badweynta xusuusaha ah ee aynu dhex dabbaalanaynnay.

Mooge sidaas uu kor ku xusay waxa uu la’aa fursad uu igula hadlo xitaa in yarna, sababtana isaga ayaa raaciyey. Waxaanu ku sii siqaynnay dhammaadka sannadkii koowaad ee Jaamacadda oo waxaanu diyaar u ahayn gelitaanka Imtixaanka sannadka labaad loogu gudbaayo. Waxay ahayd maalin Axad ah waxaa maantaas xilli hore i keenay Jaamacadda Aabbo oo isoo qaaday intii aanu salaadda Casar tukan. Aabbo casarka suuqa ayuu ku tukan jirey si marka uu sidaas uga baxaba uu shaqada u galo. Maanta qofkii u horreeyey ee fasalka soo xaadiraa aniga ayuu noqday, waxaan markiiba u dhaqaaqay meel lagu tukado oo u gaar ahayd hablaha. Salaaddii casarna halkaas ayaan ku tukadey waxyar ka dib waxaan usoo jihaystey halkii fasalkaygu iga xigay si aan u diyaarsado kursigii iyo miiskii aan maalintaas ku qaadan lahaa duruusta. Soo galey fasalkii, aniga oo masaxanaaya kursigii si aanu ugu wasakhoobin xijaab madow oo aan xidhnaa maalintaas ayaan mar qudha si kedis ah u maqley cod leh “Salaamu calaykum walaal Mullaaxo”.

Waa aann sii jeeday oo ma aan arki karayn qofka magacayga iyo salaanta isagu kay ladhay. Si aan u arko uguna jawaabo qofkan i salaamayey ayaan dib usoo jalleecay mise waa Mooge, markaan arkey ayaa markiiba damiirkaygu i farray inaan qaado bariidada. Dabadeed waxaan u holladey inaan celiyo salaantii.

“Calaykuma salaam walaal Mooge”. Intaas se kuma deynnin hadalkiiye wuu soo rogaal celiyey, “Walaal sideed tahayna?”

“Waan fiican nahay, ee adigu ma roon tahayna?”

“Haa waan wanaagsan nahay Alxamdulillah. Maanta waad soo dheeraysey Mullaaxooy”.

“Haa walaal oo Aabbo ayaa isoo qaaday maanta. Sidaas ayaan xilli hore u imid fasalka.”

Halkaas markuu hadal maraayey ayaa waxaa fasalka soo gashey ardayad kale oonu isku fasal ahayn hadal intaas dhaafsiisanna ma aannu Is weydaarsan. Tartiib tartiib ayey ardaydu u imaneysey fasalka ilaa xiisaddii aanu maalintaas lahayn oo Naxwe ahayd uu barahii dhigi lahaa yimid. Fasalku dharaartaas waxa uu u socday si habsami leh, anigana waxaaba iga dhex guuxaayey sida aanu maanta hadal kooban isu weydaarsannay Mooge oo ah ardayga fasalka loogu qaddarinta iyo ixtiraamka badan yahay. Gebogebo goortii uu ku dhawaa fasalku ayaa waxaa irrida soo istaagay mid ka mid ah shaqaalahii fadhiyey xafiiska kuuliyaddayada, dabadeed waxa uu barahayagii ka dalbadey inuu siiyo wakhti laba daqiiqaddood ah si uu noogu sheego macluumaad uu noo sidey wuxuuna yidhi, “Sidaad la wada socotaan waxaa foodda inagu soo haya Imtixaankii aad sannadka koowaad ku soo xidhi lahaydeen ee waxaa laydinka rabaa inuu qof kastaaba warqaddaas (waa mid uu gacantiisa midig ku laalaadinaayey) ku qoro magaciisa oo afaran iyo tirsiga (Number) telefoonkiisa gacanta”. Dabadeed waxa uu u dhiibey hablaha xagga hore fadhiyey oo aan ka mid ahaa waxa uuuna na faray in marka dhammaan hablahu isku qoraan ay inamadana u gudbiyaan.

Wuu iska baxay inankii noo sheegay macluumaadkaas isaga oo barahayagii uga mahadcelinaaya inuu wakhti siiyey. Wakhti yar ka dib waxaa dhammaadey saacaddahii loogu talo galey in fasalka la joogo waraaqdiina waa laysku wada qorey oo waxaa qaadey horjoogahii fasalka oo xafiiska geeyay. Maalintani waxay Mooge siisey laba fursaddood oo qaali ah, anigu se anan marnaba ka war qabin. Fursaddahaas inaynu ogaanno sow muhiim ma aha? Haa weeye aniga jawaabtaydu. Waayo waxaan dhex dabbaalanayaa badweyn xusuuso ah oo kolba mawjad tii hore ka duwani dhinac iga soo dhirbaaxayso iyada oo ta kale ii gudbinaysa. Aynu dib u milicsanno maalintan bal waxa uu Mooge ka qorey ee aan aniguna ka xasuusto akhrintooda.
“Maanta waxay ahayd maalin iiga duwan maalmahii hore ee aan fasalkayga Jaamacadda joogay. Waxaa nasiibku isu kay raaciyey laba fursaddood oo aanan filanaynnin. Waa ta koowaadde Mullaaxo ayaanu manta waxoogaa tiraab ah wadaagney, ma uu badnayn. Laakiin intaasiba hore ugama heli jirin haddii anney ardayadii aanu isku fasalka ahayn soo gasheenna wax badan waanu si weydaarsan lahayn. Waan se gaabsadey markaan arkey in nala saddexeeyey. Waxa kale oo aan manta hadalkeeda ka dhadhansadey in marka la eegaayo dabaqaddaha nolosha bulsho meel ku wada nool ay iga dabaqad sarrayso waayo waxay ii sheegtay in Aabbaheed soo qaaddey oo keenay Jaamacadda. Halka aniguna aan lug ku immaado oo aanay duruuftu ii saamixin inaan helo lacag aan baska ku raaco. Laakiin tnni maaha wax i dhibaysa oo Alle SWT ayaa bixiya maalka ee dariiqa keliya ee ii furani waa inaan dedaalo oo dhidido si aan u helo waxaan jecelahay.

Waa ta labaade waxay ahayd inaan helay tirsiga telefoonkeeda gacanta oo in badan ku fikiri jirey si aan u helo. Waxaan maanta si fudud uga helay warqad dhex wareegaysay fasalka oo arday kastaaba ku qoraayey macluumad ay u baahnayd Kulliyaddu. Waxay se dhibta ugu weyniba ka joogtaa sidaan ula hadli lahaa! Waxa kale oo aan soo celcelinayaa su’aalo ay ka mid yihiin tolow ma iyadaa tirsigan iska leh? Halkee ayaan uga bilaabaa hadalka? Tolow marka hore qof kale ma iskaga dhigaa? Boqollaal su’aalood baa isku kay dhex haysta mid keliyana anan si sax ah uga warcelin karin.

Waxaan dhex muquurtey badweyn anan garanayn meel ay igu waddo oo uu sabab u yahay dareenka aan Mullaaxo u qaadey. Waxa aan odhan karaa “Waan jecelahay” waxaa se aan la yaabbanahay iney is yeeshaan markii iigu horreysey ee aann wax jeclaado iyo sida aan la iigu ogayn. Waxaan se markasta Alle SWT weydiisanayaa inuu i waafajiyo sidii khayrku ku jiro oo uu ii rumeeyo riyooyinka aan leeyahay. Waa inaan la hadlaa Mullaaxo aniga oo aan markaaba u bandhigaynnin damaca igu keliyeystey ee waa inaan marka hore si walaaltinimo leh ula xidhiidhaa”. Waa qayb ka mid ah xasuusaha uu reebay oo maskaxdaydu soo minguurisey intaan sida fiican u xasuusnaa”.

Mooge intuu sidan ula daalaadhacaayey dareenkan daashadey aniguna waxaan ahaa warmoog aan kaba war haynnin xaaladdiisa iyo waxa ku qarsoon kashiisa. Waayo muhiim iima ay ahayn xilligaas oo waxaaan u arkaayey walaal uu na kulmiyey fasalkani. Waxay ahayd goor salaaddii Cishaa’i markaas uun laga soo baxey oo aan aniguna waxyar joogay guriga, waxaa yeedhay telefoonkaygii oo dul saarnaa sariirtayda dusheeda. Xilligaas uu dhacaayey waxaan joogay daaradda guriga oo waxaan u socday inaan aabbo cashada u diyaariyo ka dib waxaan dib ugu soo noqdey telefoonkaygii dhacaayey waanan qabtey, aniga oo aan garanayn qofka isoo garaacayey. Waxaan rejaynaayey in laygaga horreeyo hadalka laakiin may dhicin oo markii Layla hadli waayey ayaan anigu sameeyey tiraab ahayd “Hello, wa ayo qofka isoo garaacey?”. Waxaa igu soo baxey cod aan igu cusbayn laakiin aan la yaabey sida uu ii soo wacey, waayo ma filaneyn. Dabcan qofkan illa hadlayaa waa Mooge. Aamusnaantiisaas horena waxay caddeynaysaa inuu tijabinaayey inaan aniga ahay qofka uu soo garaacey iyo in kale. Markii aan waydiiyey cidda uu yahay ayaad moodaysey sida qof soo baraarugey oo kale waxaanu ku bilaabey hadalkiisii, “Salaamu calaykum.”

“Calaykuma salaam.”

“Mullaaxo miyaa?”

“Haa, ee waa kuma?”

“Walaal waa Mooge.”

“Mooga aa? Mooge kuma?” Markii aan su’aashan waydiinaayey waan garanaayey inuu yahay wiilkii aanu isku fasalka ahayn ee haddana mooyi waxa ay iga ahayd!

Mooge: “Waa wiilkii aad isku fasalka ahaydeen walaal.”

“Haa, haddaan ku gartey walaal.”

“Mullaaxo sideed tahayna?”

“Waan fiican nahay Alxamdulillah walaal, ee sow adiguna ma wanaagsanid?”

“Walaal waa nimco adduun’e, waxaan reaynayaa in xaafaddana lagu nabad qabo. Malaa maad filaneynnin inaan ku soo garaaco ama waxaad is weydiinaysaa sida aan telefoonkaaga ku helay”.

“Haa kolley oo meeshaba maan soo dhigan Mooge ayaa kula soo hadli.”

“Waan dareensanahay inaad la yaabban tahay, telefoonkaagana waxaan ka qortey warqaddii habeen hore ardaydu isku qoreysay. Markaa waxaan is idhi walaashaa Mullaaxo la xidhiidh oo caawa la hadal”.

“Mahadsanid Mooge, dhibna ma laha inaad halkaas ka heshay telefoonkayga”.

“Mullaaxooy ma igu caawin kartaa buuggaagii Naxwaha ahaa ee daabacnaa haddaad iibsatey si aan hal habeen usoo haysto?”

“Haa, aroortaan kuu keeni haddii Alle idmo.”

“Haye walaal mahadsanid, habeen wanaagsan”.

Intaas ayaannu habeenkaas is weydaarsanney laakiin walaalnimada uu habeenkaas ku afgobaadsanaayey haddii aan ogaan lahaa iney sabab u noqonayso farxad la’aanta aan caawa halkan gondaha is geliyey runtii ma aqbaleen mana soo dhaweeyeen habeenkaas iyo kuwii kale ee ka dambeeyeyba. Waxa aan se ku soo uruurinayaa iney ahayd qaddar iyo qoraal Rabbi oo qornaa. Mooge muddo ku dhow laba toddobaad ayuu ii jilaayey dareenkan walaalnimo anigana naftaydu aadka usoo dhaweysey. Intii aanu Imtixaanka ku jirney markasta waanu wadda hadli jirney waxa ugu badan ee aanu falanqayn jinayna waxuu ahaa inaanu wax iska weydiinno midka aanu beri geli doonno ama kii aanu maanta soo galney oonu iska warraysanno waxii nagu adkaadey.

Mararka qaar anigaa naftayda kaligey xisaabin jirey anigoo is waydiin jirey su’aalo dhawr ah oo ay ka mid yahiin, maxaad horta Mooge isu tihiin ee aad ula hadashaa? Maxay kaaga suurtoobeen wax aanad weligaa falin? Maxaad mararka qaar uguba xiisootaa hadalladiisa? Waa yaab! Waxaan se hadal ku soo uruurin jirey in aanu Mooge ahayn qof shar ii ah ee uu yahay kaliya walaalkay sababta aan sidan iskugu qancinayaana waxay ahayd in anan ogayn waxaa laabtiisa ka haraaciyaaya ee hurda. Mararka qaar waxaan isu arkaayey qof khaldan oo lumisey qiimaheedii haddana waa kan oo waxa dhinac socday dareen i odhanaayey “Wax dhib ah umaad gaysan naftaada waayo xidhiidhinta Mooge kuuma soo jiidayso waxaad ka qoomamayso. Xilligaas inaan sida danbe u fikiraa hadda khalad ayey iila muuqataa oo waxaan naftayda dhagaha kaga jarey canaan aan caawa waxba ii soo kordhinayn. Ma ku noqonnaa xasuusaheennii? Jawaabtaadu iney “Haa” tahay ayaan rejaynayaa.

Imtixaankii ayaa noo dhammaadey, halkaasna sannadkii koowaad ee Jaamacadda ayaa ku gabagaboobay dabadeed waxaanu galney fasax ku siman laba bilood. Fasaxaasi waxa uu ahaa kii ii horseeday nolosha xasuusaha ku dhisan ee aan caawa dhex mushaaxaayo. Waana kuwo aanan waxyeelladoodii illaa hadda ka bogsan oo booggahii ay ka tageen i damqanayaan inkastoon nafta ku dirqiyo in ay bogsato haddana weli igamey hadhin.

Fasaxaas aanu galney waxuu Mooge ku dhiirigaliyey inuu ii soo bandhigo waxa uu dareemaayo ee uu laabta ku qarinaayey muddo hadda se uu isku deyaayo inuu bannaanka soo dhigo. In kasta oo ay wakhti ku qaadatay hadadna waxaan odhan karnaa wax badan oo uu rejaynaayey wuu ku guulaystey. Bal aynu ku wada noqonno qoraalladii ku qornaa buuggiisa uu ku reebi jirey daqiiqad kasta waxa soo marra, maxuu qorey tolow?

“Waxaan wakhti ku lumiyey sidaan kuula soo hadli lahaa Mullaaxooy, hadda waa sidaanu laba kalmadoodna ha noqdaane hadal kuula wadaagi lahaa waanan ku guulaystey. Mar kale sidaan u heli lahaa telefoonkaaga isagana Ilaahay amarkii si fudud baan u hantiyey, haddana waxaa caqabad kale igu noqotay sidaan kuu soo garaaci lahaa anigoo ka fikiraaya halkaan hadalka ka bilaabi lahaa ama waxaan ku odhan lahaa intaas ka dib waxaan is biddey geesinimo oo waan kula soo Hadley aniga oo waddo ka dhiganaaya inaan si walaaltinimo leh kuu xidhiidhiyo laakiin intaas ujeeddadaydu way ka balaadhnayd oo kashayda dareen baa gubaayey aan kuu qabey. Si kasta oo ay ahaataba waad isoo dhawaysey, adiga oo aan ku mooddaayey inaad ogtahay sida qalbigaygu kuugu nugul yahay ee uu naxariis iyo kalgacayl kaaga dalbaayo. Dhibtase wakhtigan xaadirka ah I haysataa waxay tahay sidaan kuugu sheegi lahaa damacayga iyo Jacaylka aan kuu qabo ee gundhiggiisu yahay guri iyo mustaqbal aayo qurxoon leh oo lagu waddo farxo. Su’aalo ayaan nafta iskaga jaray qaarkood yahiin, tolow maxaad Mullaaxo kala kulmi doontaa haddaad u sheegto waxaad ka damacsan tahay? Oo miyey kugu gacan-saydhi doontaa oo halkaas waxaad ku waayi doontaa xidhiidhka walaalnimo ee idiin dhaxeeya hadda? Haddana waxaan nafta ku qanciyaa iney suurtogal tahay inaad igaba aqbasho iguna soo dhawayso weji furan oo kale adigoo miciin iiga noqonaaya dareenka karka wata ee aad mooddo inuu hoos u dhigey garaaca wadnahayga, sidoo kalena yareeyey ku-dhacii aan lahaa ee noloshayda ku waajihi jirey”. Waa qayb ka mid intii maskaxdaydu soo celisay ee sida quruxda badan uu ugu daabacay buuggiisii qabyo-qoraalka ahaa markii iigu danbaysey.

Xusuusahayga waxaa ku dhex jira habeen aan si fiican uwada garanaayo wixii dhacay oo dhan oo aann marnaba iga hallaabin ama igaga dhex qarsoomin habeennadii kale ee badnaa ee noloshayda soo maray ilaa caawa oo aan halkan joogo. Waxay ahayd habeen Isniini soo galeysay oo ay maanta Axad ahayd waxayna ahayd maalmahii u horreyey ee aanu fasaxa ka ahayn Jaamacadda. Waxaa sidii caadiga ahayd illa soo Hadley Mooge wanan qabtey telefoonkaygii, salaam diiran iyo is xaal ogaasho ka dib waxaanu mar qudha galney xaalad tii hore ka duwan oo anigu anan marnaba filanaynnin. Mooge waxa uu si badheedh ah u abbaarey qalbigayga iyo sidii uu ugu miyir doorin lahaa naftayda dareenka isaga laabtiisa gubaaya. Halkii uu ka bilaabey aynu xusno bal oo isla eegno si aynu u dhadhamino nuxurka hadalkiisa iyo ujeeddadii uu lahaaba.

“Mullaaxooy waxaad tahay walaashey waxaan kugu bartey xishood, dhaqan-wanaag iyo dhawrsonaan aad dheertahay hablaha qayrkaa ah. Waxaynu nahay walaalo fasal-wadaag ah oo labadeennuba waxaynu sidannaa weel medhan oo aynu doonaynno in aynu cilmi ka buuxsanno. Muddo waan ku xidhiidhaayey, ma garanaysaa ama ma is weydiisey waxaan hablaha kaleba ula hadli waayey? Ma is weydiisay weli waxa keenay inaan markasta kuu muujiyo sidaan hadalkaaga ugu faraxsanahay een dadka kaaga dhawaysanaayo? Muullaaxooy waxaad tahay qof aan doortay oo waxaan kaala baxey inta kula faca ah. Waxaad ku weyn tahay qalbigayga oo waxaan qasri dheemman ah kaaga dhisay agagaarka wadnahayga ee weli waxaan wataa codsi walaalnimo oo uu wehelinaayo dareen rabitaan oo uu gundhiggiisu yahay mustaqbal fiican. Ii oggolow inaad caawiso u noqoto naftayda kuu oomman si aan ugu dedaalo inaan rumeeyo rejooyinka quruxda badan ee dhisanaayey Aaartii bilood ee u dambeeyey ee aan ku caashaqay”

Waxaa i galey dareen i tusaaya damaca ku jira Mooge waxaana maskaxdayda ku dhex dagaallamaayey boqolaal fikir oo aan mar keliya ooda ka qaaddey aniga oo aan dibnahayga soo marinaynnin ee ay gudahayga isku hirdiyayaan. Waxaan ilbidhiqsiyo gudahooda isku canaantey maxaad usoo dhawaynaysey markii hore? Mashquul badan oo gudeed ka dib waxaan Mooge warsadey su’aasha ah “Codsi noocma ah ayaad wadataa ama aad rabtaa inaan kaa aqbalo walaal?”

“Codsigaygu waxa uu yahay inaad noloshaada ii hibayso aniguna aan ku ilaaliyo oo sidii dhalo quraarad ah dhulka kaaga dhawro. Una noqdo qof nolosha wakhtiga ii hadhey oo dhan agtaada ku qaata. Waxa uu yahay inan samaynon xidhiidh salkiisu yahay walaalnimo. Laakiin qotadiisu tahay tahay wada-jir iyo wada-noolaansho aynu ku dabbaqno nolosheenna danbe”
Amakaag weynaa! Waxaan hoos isu weydiinaayey “Waa kuma qofkan noloshaada kaa dalbanayaa?” Waxaan mar kale ku celiyey “Oo Mooge dhawaan ayaad isoo xidhiidhisay ee goormaad iga dalbanaysaa inaan kuugu deeqo noloshayda?”

“Mullaaxooy noloshu maaha wax adag kumana dhisna qallafsanaan ee waa naxariis iyo isunuglaansho. Muddo ku dhow shan bilood ayaan maalin kasta arkaayey wejigaaga haddii uu degdeg igu jirana kuuma sheegeen xilligan waayaha laabtayda barkan. Khasabna maaha in si fiican la isu yaqaannaa ee noloshu waxay ku dhisan tahay heshiisyo iyo iska raalli ahaansho laba qof u dhaxeeya. Waxaan rejaynayaa inaad aqbasho codsigayga si aad u aragtid qofka rasmiga ah een ahay iyo dareenka ku duugan naftayda ee aad adigu u tahay hoggaamiyaha”

Xilligaas hadalladani iyo kuwo kale oo beerlaxawsi u badani ay dhagahayga si toos ah ugu dhacayeen, ma qiyaasi karto caawa waxa aan dareemaayey xataa ma garan karo jihada uu haystey waxa maskaxdayda ka dhex guuxaayey xilligaas. Waxa aan mar kale u celiyey “I sii wakhti aan kaga fikiro arrinkan aad ii soo bandhigtay oo ku siman illaa wakhtigan caawa kiisa si aan naftayda ula shawro haddii Alle oggolaado”. Warcelintiisu waxay ahayd inuu iga aqbaley codsigaygii.

Habeenkaasi waxuu ahaa mid gebi ahaanba ka duwan noloshaydii hore een soo qaatey, waxaa igu dhacey u qaadan waa! Haddana waxa aan kefed iyo miisaan saarey Mooge illaa maalintii uu fasalkayga ku soo biirey illaa caawa oo uu ii soo bandhigay wax uu uurkiisa ku haystey in muddo ah, marka aan miisaankaas ula taggo waxaa ii soo baxaayey dadnimo wanaagga Mooge iyo sida habeenkaas hadalladiisan saamaynta lehi ii soo gadhaayaan. Waxaan seexday habeenkaas aniga oo la yaabban sida wakhtigu isu guraayo welina aanan go’aan cad oo muuqda u gaadhin. Dhinaca kale Mooge waxa uu raagsanaayey dhammaadka wakhtigii ballanta aan u qabtey iyo waxa afkayga ka soo yeedhi doona oo uu isagu u haystey iney laba mid uun dhici karaan. Ta hore inaan ku hago jidkii guusha uu haybinaayey oo ahaa inuu aniga i hantiyo iyo midka labaad oo ahaa inaan ku gacan saydho oo aan aqbali waayo dareenka wali ku gaaggaxsan laabtiisa.

Waxaa baryey waagii mise waxa ugu horreeya ee aan ka fikirayaa waaba hadalkii xalay oo igaga daran waran laygu soo gany. Go’aan baan gaadhey intaan maalintii ku dhex jirey ee aney weli gaadhin xilligii ballantu ahayd. Kaasi oo ahaa inaan soo taabto gunta dareenka uu Mooge ii sheeganaayo oo aan aqbalo codsigiisii ahaa inaan samaysanno xidhiidh rasmi ah. Aan idiin xado waxa niyadayda sida rasmiga ah uga dhex guuxaayey oo ahaa in aanu laftayda iga madhnayn dareenka Mooge qadaa-dhigaayey. Haddana waan is diidsiinaayey oo may ahayn wax aan naftayda uga bartay, laakiin xaqiiqda ayaa ah inuu ahaa dareen laabtayda joogay oo ah ka aan illaa caawa goobtan la fadhiyo een la baaxaa-degaayo. Wakhtigu waxuu is guraba waxaa la gaadhey xilligii ballantu ahayd, sidii aan filaayey waxaa soo dhacey telefoonkaygii waa Mooge. Waxa uu sugayaana waa go’aanka aan soo gaadhey ee ku qotama codsigiisii hore.

Salaan iyo is-xaal-waraysi ka dib waxaan ugu bushaareeyey sidaan diyaar ugu ahay inaan aqbalo codsigiisii anigoo xujo uga dhigaaya in aanu qofna la wadaagin xidhiidhka naga dhaxeeya. Ma garan karo waxaan ku cabirro farxadda wejigiisa habeenkaas ka muuqatay ee uu afkiisuna turjumaayey. Waxa aad moodaysey in loogu bushaareeyey wixii ugu wanaagsanaa nolosha adduun ee uu nool yahay, waxauu bilaabey siduu iigu mahad-celin lahaa isaga oo muujinaaya sida uu ugu diirsadey go’aankaygii ahaa inaan wada jirno oo yeelanno xidhiidh mustaqbal oo loo aayo.

“Mahadsanid, ma aqaanno waxaan kuugu mahad celiyo waxaan se kuugu abaal gudi doonaa in anan weligay qof kula simin oo aanad agtayda ku dayacmin haddii Alle ila kaa damco. Mullaaxooy caawa waxaad iga fujisay waran wadnahayga ku taagnaa, dhaawacii uu ii gaystayna waxaa dawo u noqday go’aankaaga cad ee aad naftayda ku caawisay. Ma lihi hanti aad igu dooratey oo aad maanta raalli igaga tahay. Waayo waxaan ahay arday kula fasal ah oo aann wax badan ku dheerayn waxan se Aabaab kasta u garaaci doonaa sidaan kuu raalli gelin lahaa isla markaana kuu hanan lahaa.”

Dhammaan hadalladaasi waxay ahaayeen kuwo dareen gooniya ii sameynaayey oo qalbigayda dab kalgacal uga dhex shiday sidii dhinbiil lagu tuurey meel shidaal fadhiyo. Waxaa i galay dareen i faraaya inaan Mooge dhinac istaago oo anan ku dayacin damaca uu leeyahay. Waxaan talo ku soo gooyey habeenkaas inaan waligey dhinaciisa ahaado oo aan qalbigiisa dareensiiyo naxariista iyo kalgacaylka sida dhakhsaha ah u saaqay xiskayga ee uu sababta u yahay Mooge. Waxaan xilliyada qaar is weydiin jirey sababta aan il naxariiseed ugu eego markasta? Haddana waxaan naftayda kula shawri jirey inaan is barbardhigo dareenka maskaxdayda ku cusub iyo xaaladdii degganaanshaha ahayd ee aan ku sugnaa barashadii Mooge ka hor. Isu wada gee oo waxa i jiidanaayey wakhtigaas wax iga itaal iyo awoodba weynaa.

Waxii intaas ka danbeeyay waxaanu ahayn kuwo kalgacaylka koriya oo kaalin galiya si aanu dheef uga helno mustaqbalka iyo aayatiinka dambe ee noloshayada. Waxaan u arkaayey qofka keliya ee nolosha quruxdeedaiI tusay ina iftiimiyey meelo badan oo mugdi igaga jiray. Waxa aan sawiran jirey nolosha qoysnimo sida ay uga badhaadho iyo sarredo badan tahay midda kelinnimo ee aannu wakhtigaas ku jirnay. Waxa uu jacaylkiisu degay dhammaan xubnaha jidhkayga oo waxa uu si mug iyo miisaan leh ugu dhex koray xubinta ugu qaalisan jidhkayga oo ah qalbiga. Waxaaba si kedis ah iigu soo dhacdey hees ay ku luuqayso fannaanadda caanka ah ee Yurub Geenyo oo uu midhaheeda lahaa Cabdillaahi Aadan Cali (Cabbaas) oo ahayd:

Sow maalin kuma baran
Muuqaaga lama dhicin
Hadalkaagu ima marin
Malab layma kaa marin

Sow jacayl igumaad mudin
Naftu sow kumay muddan
Miyirkaaga kama helin
Miyaan meel u kacayaa
Sow madaxa maad degin
Jacayl laygu maanshee
Sida mayeyga igu hoor
Miiraale xoog badan
Igu noqay mahiigaan
Hadba mawjad igu kici

Alla magane kuu go’ay
Inta maalmo ii dhiman
Naftu adiga kuu magan
Kala maarmi maynee
Aan ahaanno laba mida
Ha milgowdo noloshuye
Jacayl guuna maal-geli
Ha laynoo mashxaradee
Caashaq raagey meel-mari

Jacayl laygu maanshee
Sida mayeyga igu hoor
Miiraale xoog badan
Igu noqay mahiigaan
Hadba mawjad igu kici.

Jaamacaddii ayaa lagu noqdey laakiin jawiga dhigashada fasalku waa ka duwanaa kii hore ee aan la soo xaadiri jirney. Maalinba ta ka danbaysa waxaa isa soo taraayey oo aan marba marxalad ka gudbaayey kalgacaylka rasmiga ah ee qalbiyadayada buux dhaafiyey. Caawa oo aan halkan fadhiyo ma qiyaasi karo baaxadda uu lahaa Jacaylka aan u qaadey Mooge. Wakhtigayga kala badhkii waxaan ku qaadan jirey inaan ka fikiro isaga iyo nolosha aan la qaadan karo qofkaan jecelahay haddii aan la midoobo. Xaqiiqaduna waa tan caawa i hortaalla ee anay weli iga maydhmin dabayshii caashaqa aan muddo ku naalloonaayey. Sidoo kale aaney i bogsan dakharrada uu i gaadhsiiyey kalgacaylkii aan u qaadey Mooge ee aan ku guuldarraystey waxaan se weli ahay rejo-ku-nool waayo waxaan ogahay in uu maqan yahay Nasrigii Illahay. Waxuu kalgacaylka noo dhaxeeyey uu sii balaadhaba waxaanu heshiis ku noqonney in aanu dhisanno qoys Islaam ah oo caalamka Islaamka ku soo kordhiya ubad wax u tara diinta iyo dalkoodaba haddii Alle idmo. Waxaa la gaadhey hilaadin ay gebagabo ku dhawaatey Jaamacaddii sidoo kale ay soo dhawaatey inaanu nolosha ku midownaa. Waxa aan tirin jirey maalmaha, usbuucyada iyo bilaha sannadka ku jira anigoo raagsanaayey xilliga aan noqon doono marwo lagu ogyahay Mooge.

Bal aynu ku yara noqonno oo xasuusaha aynu ku sinno waxa uu Mooge is bidaayey si uu reer u dhisto, muddadii ku sinnayd Afarta sanno ee aanu Jaamacadda ku jirney waxuu geed dheer iyo mid gaabanba u korey sidii uu u noqon lahaa mid naftiisa iyo mustaqbalkiisaba ku filnaada oo wax u dhigta sidoo kale waxtar muuqda ku kordhiya qoyska uu ka soo jeedo oo uu isagu u weynaa kana kooban Aabbo, Hooyo iyo laba hablood oo isaga ka yar. Waxa uu noqdey mid Ilaahay amarkii ku guulaystey qorshayaal badan oo nololeed oo uu dhigtey xilligaasna waxauu is bidaayey inuu dhisto reer iskuna filnaan karro. Waxa uu sida oo kale ogyahay in haddii uu wax haysto iyo haddii wax la’aani hayso labadaba uu haysto qof ku garab taagan oo jecel. isaguna ku kalsoon yahay oo uu rabo inuu noloshiisa oo dhan ku aammino.

Dareenka caashaq daranaa, oo kululaa haddana qiimo badanaa marka aad haysato qof kula dareemaaya kalgacaylka buux dhaafiyey qalbiga iyo dhammaan xubnaha kale ee jidhkaaga qofkaas oo diyaar u ah inuu kula naas nuujiyo. Ma aha mid aan buuggaag kaga boggan karro hadaan qalin iyo warqad is dul saarro mana sheegi karro waxaan ku masaallo jacaylka aan u qaadey Mooge ee sii fidaayey marba marka ka danbaysey waxaa se muhiimadda noloshayda ugu weyni ahayd inaan isaga ku ag noolaado, saxan wax ku wadda cuno noqdana carruurtayda Aabbahood waayo waxaan dareensanaa oo naftaydu ka dhargsanayd inaan agtiisa ka heli doono naxariis, kalgacayl iyo quruxda nolosha adduun, naruuro iyo negaanshana agtiisa ka dheefi doono aan ku noolaado noloshayda inta hadhay oo dhan.

***

Waxay ahayd habeen Jimce ah sida caadiga ah Aabbo waxuu guriga yimaaddaa marka uu salaadda cishaa’I soo tukado si uu wakhti noola qaato isaguna uga raysto daalkii maanta ee shaqada. Waxaan u diyaariyey cashadiii dabadeed waxaan uga yeedhay qolkiisa anigoo ku wargelinaaya iney cashadii diyaar u tahay. Inyar ka dib wuu soo kacay waxaanu u jihaystey dhinaca uu ka xigey qolka aan cashada ugu diyaariyey, waxuu bilaabay cunitaankii cashada. Waxaa miiska u saarnaa telefoonkiisa gacanta oo uu Quraan ka dhegaysanaayey. Waxaa daqiiqado yar ka dib soo dhacey telefoonkiisiii kor ayuu usoo qaadey ka dibna wuu qabtey. In muddo ah ayey is waraysanayeen qofkii soo wacey hadalkana isku celcelinaayeen waxaan se u fahmay qof ay si fiican isu waraysanayaan isna garanayaan. Laakiin ma ogayn in soo dhicitaanka telefoonkaa aabbo habeenkaas uu saamaynta intan le’eg keeni karro, waxyeelladii isoo gaadhey dhammaanteed waxaa bar bilow u ahaa telefoonkaas soo dhacay habeenkaas.

Aabbo cabbaar goortii uu ku hadlaayey telefoonkiisa ayuu dhigey ka dibna iska sii watey cashadii. Waxa uu ka soo baxey qolkii uu ku cashanaayey waxa uuna yimid qolkii fadhiga oo ah golaha keliya ee aan isku waraysanno habeenkan oo kale si qof kastaba looga waraysto usbuucii dhammaaday waxa uu ku idlaadey iyo waxyaabaha uu noloshiisa ku soo kordhiyey. Waa shir habeen kasta oo Jimce ah la iskugu yimaado oo aanu dhammaantayo ka qayb galno ilaa Magoolyar oo xaafadda u yarayd. Habeenkaas waxaa hadalkii u horreyey qaatay Aabbo si uu noola socodsiiyo war mardhawayd ku soo biirey waxaanu yidhi:

“Goor dhawayd waxaa ila soo hadley Cali oo waxa uu ii sheegay in uu inankiisii Muuse iman doono waddanka. Inagana waxaa la inooga baahan yahay inaynu soo dhawaynno oo caawinno inta uu halkan joogo. Inalama degaayo oo waxaan usoo kiraynayaa guri uu dego isagaana taas jecel oo igu wargeliyey. Laakiin waxaa dhammaanteen la inooga fadhiyaa inaynu celinno abaalkii uu aniga Cali ii galey”. Cali waa Aabbo inaadeerkii ruma oo deggen magaalada Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Dubai. Muuse-na waa inankiisii curad oo aanu Ilmaadeer nahay. Aabbo xilliyada qaar waxuu tegi jirey Dubai isagoo arrimo ganacsi ku guda jira. Xilliyadaas ayuu ku degi jirey guriga adeero Cali oo si fiican loogu soo dhaweyn jirey.

Soo dhawaynta Muuse waxay ku muddaysneyd maalin Sabti ah. Aabbo ayaana diyaar u ahaa si uu uga soo qaaddo garoonka diyaaraddaha caalamiga ah ee Cigaal, Hargaysa (Egal international airport). Waxaa la gaadhey xilligii ballantu ahay ee uu iman lahaa laga hor tag lana soo qaad. Maalintaas waxa uu guriga yimid aniga oo maqan si uu hooyo usoo bariidiyo, waxa uu u sheegay inuu soo nasan doono oo uu fiidka marka la gaadho ee aannu dhammaantayo isu nimaadno uu noo iman doono si uu reerka si fiican ugu barto. Waa yimi goor salaaddii Cishaa’i laga soo baxey uu reerku dhammaantood isu yimi waxaa si diiran usoo dhaweeyey Hooyo iyo Aabbo waxaa markiiba laysku soo shubey dhankii qolka fadhigu ka xigey, aniga iyo Magoolna waxaanu soo diyaarinayney cabitaankii kagu soo dhaweyn lahaa Muuse. Inyar ka dib waxaanu soo galney qolkii anaga oo gacmaha ku sidna bileedhada waaweyn ee lagu qaaddo Sharaabka oo ay dusha ka saran yahiin caagado iyo quraarado uu ku moorsan yahay cabitaan, bileedho yaryar oo cunto fududi ku jirto iyo sufurradii lagu cabbi lahaa sharaabka. Dabadeed waanu dhigney oo u qaybinney dhammaantood. Intaas ka dib aabbo ayaa galey inuu iskaayo baro annaga iyo inaadeerkay Muuse.

“Muusoow Mullaaxo iyo Magool waa labadayda hablood ee tarraxa afartan inan ee ku hor fadhiya”. Waxa uu Muuse noo xigsiiyey “Barasho wacan hablahayagii, doorkii u danbeeyey eenu waddanka nimi aniga iyo aabbo Mullaaxo aad ayey u yarayd oo dugsiga dhexe ayey ku jirtey haddana iney Jaamacaddii dhammaynayso ayaan ku war helay. Halka Magoolna ay jirtey sannad ama wax uga dhinnaayeen. Haddana way waaweynaadeen maansha Allah.”

Hooyo ayaa jawaabtey oo tidhi, “Haa Hooyo Muusoow way waaweynaadeen oo gashaantimo isleeg ayey noqdeen adiguna in badan oo toban sanno ku dhow ayaad waddanka ka maqnayd oo isbadelkaad arkaysaa wakhtigaas ayuu dhashey” Muuse markale tiraabey oo yidhi; “Waa run oo in badan ayaan maqnaa iyaga oo kaliya maahee dhammaan carruurtu waa wada koreen oo kaalin galeen. Adiga iyo adeero ayaa sabab u ah oo ku dedaaley Alle ka sokow ee Eebbe SWT ha idiinku daro miisaanka xasanaadka sida wacan ee aadd ugu koriseen tarbiyadda wanaagsan iyo dhaqanka qurxoon.” Habeenkaas halkaas ayaa lagu wada qaatey cawaysin barkhadeed oo is barasho cusub iyo isxaal-waraysi isugu jira. Waxa uu uu aabbo u sheegaayey inuu waddanka u yimid hawlo shaqo iyo hawl kale oo isaga gaar u ah oo uu ku tibaaxey inuu u soo guur doontay dalka. Muddo dheer ka dib waxa dhammaadey wakhtigii cawaysinka loogu tall galay. Muusena waxaa loo gelbiyey hoygii uu magaalada Hargeysa ka deggenaa ee uu ku soo degay si uu waddanka wakhti ugu qaato.

Iney lumaan dhammaan rejooyinkaan lahaa habeenkan baa u horreysey illaa caawana waan tebayaa waxyaabo badan oo iga maqan iyo galdaloollooyin badan oo ka bannaan daaqado noloshayda ka mid ah. Waxaan se ku qanacsanahay dhibcaha iyo derejooyinka uu Alle SWT i siiyey waayo waxay wax kastaaba ku dhacaan qoraal iyo qaddar Rabbi. Muuse habeenkaas waxa uu la hoydey dareen damaacinnimo muujinaaya isla markaana faraaya inuu aniga iga helay iguna fuliyo mid ka mid ah ujeeddooyinkii uu magaalada u yimid oo ahayd inuu guursado. Waxaa aragtidii koowaadba ku abuurmey caashaq iyo xiiso meel uu ka yimid aan la garanayn oo cir-ka-soo-dhac ku noqdey anigu se waxba kama ogayn damaacinnimada hafisey Muuse ee igu indho-tirtay aniga.

Waxaabad mooddaa inuu isku qoomamaynaayo inuu markii hore diiday inuu nala dego, oo waxa uu aad u jecel yahay markan sidii uu guriga uga muuqan lahaa wakhti kasta si uu aniga ii arko. Laakiin waxay noqotey wax uu ku dhici waayey oo aabbo ayuu hore uga diidey codsigiisii ahaa inuu marti noo ahaado inta uu waddanka joogo. Waxaa se xadkeedii ka badatey booqasahadii oo uu Muuse noogu iman jirey mar kasta oo aanu hawl haynnin. Dabadeed waxa uu tagi jirey wakhti danbe. Mararka qaar waxuu tijaabin jirey inuu hadal bariido dhaafsiisan ila wadaago kama se oggolaan jiirin inta badan. Waayo waxaan ka baqaayey inuu noloshayda saamayn ku yeesho oo uu carqaladda ugu weyn noqdo.

Waxaa xilligaas soo dhawaa qalin-jabinta Jaamacadahaygii oo waxaa soo horreysey midda aanu Mooge ka wada bixi doonno oo ahayd kuuliyadda daraasaadka Islaamiga ah. Waxaa markasta ballanku ahaa in Jaamacadda laga shaqaaleysiiyo ardayga kuuliyadda u sarreeya oo inta si buuxda Imtixaan looga qaado uu ka mid noqdo barayaasha ka hawl gala Jaamacadda. Mooge ayaa dedaal faro badan ku bixin jirey sidii uu u noqon lahaa qofkaas. Alle amarkii wuu ku guuleystey rejadiisii ahayd inuu qofkaas noqdo oo taasina waxay noqotey shaqo kale oo hor leh oo u saamaxdey inuu dhaqaalahiisu sii kordho isku filnaanshana gaadho. Waxa aanu dhammayney Jaamacaddii anaga oo rayrayn iyo wada-jir dareemaynna isla markaana is tusney in aanu xaqiijinnay qayb ka mid ah riyooyinkii aanu adduunka guudkiisa lahayn. Waxaanu se carqalad xilligaas u arkayney Muuse oo doonaayey inuu dhinaca kaga soo biiro nolol aanu qorshaynayney ku dhawaad afar gu’ oo xidhiidh ah taas oo aanu uga dan lahayn midowga noloshayada.

Tallaabo kasta oo uu Muuse qaado waxaan si degdeg ah ula socodsiin jirey Mooge oo ah qofka aan rabo inaan noloshayda dhammaanteed la wadaago oo ku aammino. Laakiin isaga waxay u ahayd niyad-jab iyo dhib kale oo la soo deristey noloshiisii caadiga ahayd, anigana xabad laygu dhuftay way igaga darnaayeen aragtida iyo la hadalka Muuse. Waayo waxaan u arkaayey caqabadda ugu weyn ee rabitaankayga hortaagan waanan dhibsan jirey runtii. Damacii Muuse maalinba mida ka danbaysa wuu sii kordhaayey oo xadhkaha ayuu sii goosanaayey illaa markii danbe uu u soo babac dhigey waalidkey markuu waayey fursad keli ah oo uu igaga dhaadhicin karo ujeeddadiisu waxa ay tahay. Muddadii uu ku sugnaa magaalada waxaa laga joogaa bil iyo saa’id waxaana qalbigiisa ku tarmaayey xiiso uu wehelinaayaayey rabitaan tusay noloshayda iyo sidii uu ku heli lahaa.

Aniga iyo Mooge maalmahani waxay ahayeen ayaamihii u adkaa ee na soo mara intaanu wada soconey, wakhtigii aanu ku heshiiney inuu reerkayaga u yimaadana waxaa ka hadhsanayd muddo lix bilood ah. Laakiin ifafaalaha ka soo muuqda noloshayadu ilama qurux badnayn oo cabsi ayaa i hadhaysey dhammaantey. Waxay ahayd habeen Khamiisi soo gelaysey waa ka duwanaa habeenkani kuwii horee een qoyskayga ku aqaanney. Waxaa laysu soo wada hoydey fiid waxaa haddana inyar ka dib guriga ka hor guuxay gaadhi aan Muuse ku aqaanney oo uu watey, waaba isagii oo ka soo degay. Waxaa isla markiiba albaabka ka furey aabbo oo daaradda guriga dhex taagnaa una muuqdey inuu isaga sugaayey isla markaana ogaa imaanshihiisa. Intaas ka dib waxaa toos loo abaarray dhinacii uu ka xigey qolkii shirarka reerku ku qabsan jireen. Waxaan sida dharaarta u ogaa in aniga la iga arrinsanaayo oo noloshayda faro-gelin lagu hayo isla markaana la igu khasbaayo qof anan raalli ka ahayn. Laakiin tolow haddii ay ogaan lahaayeen qalbigayga waxa ku jirra suurtogal ma ahaan lahayd iney ii aqbalaan rabitaankayga?

Waxaa werwerka inta ugu badan ila qaybsan jirtey walaashey Magool yar oo ogayd sida anan Muuse raallida uga ahayn una jecelahay oo heshiis nooga dhaxeeyo Mooge. Muddo saacad ku dhow ayey ku jireen qolka waxa ugu weyn ee ay habeenkaas ka wada hadlaayeenna waxuu ahaa in uu usoo bandhigay iney isiiyaan aniga oo aan nolosha la wadaago Muuse oo ku afgobaadsanaayey inuu yahay Inaadeerkay noloshaydana ilaalin doono. Waxa ay dhammaantood heshiis ku noqdeen sidaan isaga oori ugu noqon lahaa. Iyagu se war kama hayaan iney mustaqbalkayga iyo quruxda noloshaydaba god ku rideen oo ay lumiyeen deggenaanshahaygii. Waxaa lagu kala tegay oo la isla qaatey in waalidkaygu igala hadlaan arrinka guurka ee uu Muuse u soo bandhigay anigana igu qanciyaan, wuu tagey Muuse anigana waa la ii yeedhay. Aabbo ayaana bilaabey hadalkii isagoo maslaxaad ku furaya tiraabtiisa:

“Aabbo Mullaaxooy waanu kugu soo tabacney oo ku soo kaalin gelinney anaga ayaa iska leh Ilaahay ka sokow quruxda kaa muuqata maanta. Qiimaha iyo akhlaaqda aad leedahay ee Raxmaanku kugu mannaystey, cilmi diineed iyo mid maaddi ah oo kugu filanba waad leedahay waana dedaal aad bixisey oo Alle SWT kuu fududeeyey anaguna kugu garab istaagney. Aabbo waxaan maanta kuu wadnaa qaybtii labaad ee noloshaada si aad u dhammays tiranto. Waxaa na kaa waydiistey inaadeerkaa Muuse oo sidaad ogayd waddanka u yimid inuu guursaddo. Waana wax lagu farxo inuu adiga ku doortay oo uu rabo inaad xaas u noqoto oo aad nolosha wadaagtaan. Aabbo waxaad ku noolaan doontaa nolol aannu raalli kaaga nahay, adiguna aad ku istareexdo ee adiga ayaanu kaa sugaynaa oggolaanshaha aad nagaga aqbali doontid arrinkaas noloshaada khuseeya”

Aabbahay haddii uu ogyahay inaan qalbiga ka ilmaynaayo oo aan ku jiro xaaladdii ugu xumayd noloshayda imuu yidhaahdeen hadallada qaarkood iimana quudheen niyad -ab ee xataa waxuu joojin lahaa dadka kale waxa iiga imaanaaya ee dhawacaaya naftaydan qunbacashadu wehelka u noqotey daqiiqaddahaas. Hadalladii ay habeenkaas afarta hareeroodba igala fadhiisteen ma qiyaasi kartid saamaynta ay igu lahaayeen, waxay u dhignaayeen anigoo waran wadnaha garkiisa laygu gooyey oo aan ku noolahay nolol geeridu dhaanto. Dhammaantood way hadlayeen laakiin aniga waxaa maskaxdayda ku legdamaayey dareenno naxariistii iyo kalgacalkiiba ay ka guureen oo aad mooddo inuu qalbigii i engagey. Waxa aan u arkaayey iney cadow igu yihiin dhammaantood. Waalidkay umay baran inaan hadal ku soo celiyo oo muran ka keeno rabitaankooda sidaas si la mid ah kamaan sugayn wax i niyad-jabiya iney ku dhaqaaqayaan. Laakiin sidan waxaabey u haystaan inuu yahay go’aankii ugu quruxda badnaa ee ay noloshayda ka gaadheen.

Waxaan u sheegay iney isiiyaan wakhti aan kaga fikiro arrinkan oo ah mid noloshayda inta ka hadhey oo dhan saameyn ku yeelan doona.

“Haye Aabbo si fiican uga fikir anaguna waxaanu isla qaadanney inaad guurkaas ogolaato waayo noloshaada ayuu qurxinayaa.” Goobtii aan fadhiyey ayaan ka kacey anigoo cagaha jiidaaya oo ku sugan xaalad nololeed middii ugu adkeyd ee isoo marta noloshayda. Waana ta aan ilaa imika farxaddii iiga guurtay eenan u ahayd qof nolosha ay ku nooshahay ku deggan oo raalli ku ah. Markii aan goobtii ka kacey waxaa si kedis ah maankaygu usoo celiyey maanso uu halabuurkeeda lahaa Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo odhanaysey:

Wuxuu guurku aayiyo
Udug iyo man yeeshaa
Ayaankaaga goortaad
Uurkaagu kuu rabo
Ifka qoys u noqoteed
Ashqaraarto guushee
Markii aragtidaaydiyo
Aashii naftaydaba
Lagu tuuray iilkee
Amar waalid dookhii
La igaga af-duubaan
Urugiyo ladh iyo ciil
Umalkii la tiicee
Wax aroosku libin iyo
Anfac toosan leeyahay
Oggolaansho goortay
Dadku oori iyo say
Ku noqdaan af-garadkee
Amar waalid oo daran
Aqbalkiisa mooyee
Ayaan qudha ma ledin farax
Istareexna kuma gelin
Aqalkaan ku noolee
Haddii ulashadaydii
Oodda caawa loo rogey
Eedaadka waaqay
Ka dhex ooyi maayee
Ubaxii Jacaylkeen
Ka abqaalay khayrkiyo
Irridaha samaantiyo
Mar uun albaabkii
Awdnaa la furayaa
Inta ay arwaaxdiyo
Ajashaydu xay yiin
Sidii aan addoon ahay
Arjunnaanta ciilka leh
Ku abaadi maayee
Ufadiyo kol uun bay Naqu ii onkodayaan
Waxuu oonku ba’ayaa
Illimaha xareeddaa
Xor markaan u aadee
Mar uun buu Ilays iyo
Iftiin daarmi doonaa
Aayar quusan maayee
Ula-jeeddaduna
Amin way hirgelaysaa
Ololaha dhawaan baan
Ididiiladaan rabo
U itaali doonaa
Haddii uurku-taaliyo
Utun guudka lay sudhay
Imtixaanku waa daw
Maalmaha adduunkee
Abshir iyo riyaaqbaa
Xigi eelkan saakee
Waa inaan adkaystaa.

Wakhtigii lay siiyey waxaan uga faa’iidaystey inaan Mooge wax kasta la socodsiiyo oo u sheego. Waan la hadley habeenkaas aniga oo ilmadu dhabannadayda ka da’ayso waxaanan u sheegay halka xaalku maraayo iyo sida weerarka loogu yahay noloshaan ku heshiinnay. aalintan adag bal waxa uu Mooge ka qoray. Aan idinla yara wadaago’e:

“Noloshaydu waxay u socotey sidaan u qorsheeyey Allena wuu igu garab galey. Laakiin waxaa caawa i dumey garabkii noloshayda ugu qaalisanaa. Waxaa burburay qorshe aan dhisaayey ku dhawaad afar sanno. Waxaa duullimaad lagu yahay noloshii aanu wada qorshaysanney aniga iyo Mullaaxo. Dareenka qalbigayga hadheeyey waa mid i gubaaya oo dab iyo holac igu noqdey. Waa mid aan waayey waxaan ku tusaaleeyo waayo waxaa suurtogal ah in qofkaan noloshayda u doortey iney noqoto xaas nin kale oo waalidkeed ku qasbeen. Waxaan se ku qanacsanahay qaddarka Rabbi oo sidan noqdey meel loo dhaafaana aney jirin.”

Markaan Mooge u sheegay arrinku halkuu maraayo waxuu ila socodsiiyey oo aanu isla qaadanney inaan waalidkey ka dalbado iney iga joojiyaan guurkan anan raallida ka ahayn. Noloshaydana ay ii daayaan si aan anigu u qaabeeyo mid aan ku niyad samahay. Waxaa la gaadhey xilligii aan ku war elin lahaa una sheegi lahaa go’aankayga waxaan habeenkaas aabbo u sheegay sida anan raallida uga ahayn in Muuse la i siiyo, aniga oo codsanaaya in aniga la ii daayo maaraynta noloshayda, si cidda aan u arko iney i dhaqi karto ugu hibeeyo oo ula wadaago nolol aan ku faraxsanahay. Waxaan sidoo kale u mariyey tix kooban oo maanso ah oo uu hal-abuuray Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr waxayna odhanaysey sidan soo socota.

Xushmaddaadu waa faral
Iyo weedh Xakiim faray
Xiisiyo jacayl baa
Xaas lagu ahaadaa
Siduu xididku geedaha
U xareed waraabshay
Xubbigiyo galgacakuna
Qoyska ugu xus mudanyiin
Xaajadu cakirantee
Geesi aanan soo xulan
Ifka kuma xasilayoo
Xabbadkayga kaan hanan
Xilo uma ahaan karo
Anigoon xaq diidayn
Aabbow xorriyaddiyo
Xuquuqdaydu yay lumin
Xurmayn baan ku saaraye
Xarafkayga ii yeel
Waxaad tahay xilqaadkii
Samo igu xannaanshee
Inagoon xabaal gelin
Xagna kaama tegayoo
Waxaad tahay xilqaadkiyo
Xayndaabka noloshoo
Xangullaaha garaadkaad
Xasuus weyn ku leedahay
Xayskaan filaayiyo
Rejadayda xaalee
Xiddigaygu yuu dhicin
Ii xeeri taan rabo
Axdigaan xafidayana
Xoorkiisa ila dhawr
Anigoon xaq diidayn
Aabbow xorriyaddiyo
Xuquuqdaydu yey lumin
Xurmayn baan ku saaraye Xarafkayga ii yeel
Xubin hadalku yuu noqon
Xujo aan la mari karin Xakamaha i dhibayiyo
Xayiraadda iga daa
Wadnihii xawilan iyo
Xero uu caashaq dego
Xagal kale ma eegaan
Xalku dookha weeyaan
Xaawalay la duudsiyo
Xadiiskeennu muu farin
Xilliyadu qadhaadhaa
Sidii uu xanuun jiro
Xisku wuu werwerayaa
Xalaytoole maan gamin
Anigoon xaq diidayn
Aabbow xorriyaddiyo
Xuquuqdaydu yay lumen
Xurmayn baan ku saaraye
Xarafkayga ii yeel

Intaan hadlaayey si qoto dheer ayaa la ii dhagaysanayey waxaana i gashey yididiilo ah “Malaha waaba lagaa oggolaan codsiga aad wadato”. Laakiin malahaygii ma rumoobin oo xataa waxyarna hadalladaydii may beddelin qoyska aan ka soo jeeday waxaana la ila soo hor istaagey diidmo qayaxan oo odhanaysa “Muuse waxuu noqon doonaa qofka aad nolosha la wadaagi doonto. Mar danbana yey iman wax aan lagaa aqbaleyn oo ah inaad ka keento muran hadalladayada.”

Talo ayaa igu caddaatay waxaanan arkey inaan ugu danbayn guuldarraystey oo aan waayi doono qofkaan anigu doortay la iina afduubi doono shakhsi kale oo anan raalli ka ahayn. Habeenkaas oo kale noloshayda ima soo marin imana soo mari doono ayaan filayaa. Waxaa waagu ii baryey aniga oo ku taagan indhahii xaley oo aan laba indhood isu keenin. Ilmaduna gabi ahaanba beddeshay dhabannadayda sidii ay korkooda u yaacaysey. Waxaan wax kasta u sheegay Mooge oo ahaa qofka dareenka aan habeenkaas la meehanaabaayey war ka hayey, isaguna mid la mid ah ayuu la gaaf wareegaayey oo waxa uu ku noqon kari waayey gurigii illaa markii danbe baadidoon lagu soo helay sidii ilmo yar oo markaas uun socodka xejiyey kana lumay gurigoodii.

Waan is beddellay laba cisho gudahood oo waxaan u muuqdey qof laga qaadey xorriyaddii oo jeel ku jirta, ugu danbayn waxuu Mooge igu qanciyey in ay tani tahay qaddar iyo qoraal Rabbi isla markaana dhinac loo dhaafaa annay jirin illaa inaad maqasho waalidkaagu waxay kula jecel yahiin mooyaane. Isaga oo ii caqli-celinaaya waxaa hadalladiisii ka mid ahaa “Mullaaxooy inagu waxaynu lahayn qorshayaal aynu u dajisannay nolosheenna. Laakiin fulinta keenna waxaa ka weyn in Alle SWT fulo kiisu. Waayo waa qoraal aan jihana looga dhaqaaqi karin, inaynu is wayno oo aad xaas nin kale noqotaa waa qaddarka Raxmaankii inna uumay, sababna waxaa u ah waalidkeen. Laakiin iyagu waxay u haystaan in ay tani tahay mid adiga kuu fiican oo marnaba ma jecla xumaanteenna, ee yeel waxa lagu soo jeediyey oo qaaddo go’aannada waalidkaa guursana qofka ay kula jeclaadeen. Aniguna waxaa adag sida aan qof danbe ula wadaagi doono xidhiidh jacayl maadaama oo aan kii horeba ku fashilmey. Waxaana suurtogal ah in aynu gadaal ka midowno oo noqonno qoys ka mid ah qoysaska Islaamka ah ee caalamka ku nool. Waxaan ugu danbeyn kuu rejaynayaa inaad ku noolaato nolol qurux badan oo aanad weligaa murugoonnin dhibna dareemin.”

Hadalladani waxay igu ahaayeen abid kuwii ugu kululaa ee qalbigayga dhalaaliyey dhidid meel uu ka yimid anan garanaynna ayaa qooyey dhammaan jidhkayga. Waa weedho aan ka maqlo qof i jecel haddana ii hibaynaaya qof aanan rabin. Laakiin xalka keliya ee yaalley ayaa ahaa kaas oo meel loo dhafaa anney jirin. Waxaa jujuub la igaga dhigey guur aanan diyaar u ahayn iyo qof anan ag-jooggiisa ku faraxsanayn waayo ma soo dooran ee waa le ii dooray. Taas ayaana ahayd dhibta jirtey illaa caawana uurkayga gubaysa oo aanan habeen ka seexan. Sidii ayaa la igu siiyey Muuse una noqonney reer dhisan oo wada qaata maalmaha nolosha. Laakiin anigu aan mar kasta ahaa qof xusuus ku nool oo markasta maskaxdeedu dib usoo celiso waxyaabahii iyo maalmahii quruxda badnaa ee isoo maray. Waxaan ku noolahay guurkayga ka dib gurigan aan caawa dhex fadhiyo een ku kala horaayey xusuusaha dhex jibaaxaayey maankayga ee aan idiinka warramay. Mana aqaanno waxa maalmaha soo socda dhici kara ee aynu sii wada soconno haddii Raxmaanku iidiin oggolaado.

***

Caawa oo aan halkan fadhiyo laba sanno ayaa laga joogaa wakhtigii aanu is guursanney Muue. Si kasta oo noloshayadu tahay haddana waxaa meesha aan jirin oo ka maqan salkii hoose ee reer ku dhismi lahaa, isla markaana udubbada loogu taagi lahaa. Waana iska raalli ahaanshaha iyo jacaylka rasmiga ah ee laba qof oo nolosha ku midoobay u dhaxayn lahaa, si ay u iftiinto nolosha ay wada qadanayaan ee qoysnimo, ubadka ay soo sarayaanna ay u noqdaan kuwo la intifaacsado.

Cabdiraxmaan Muuse waa wiilkayga curad haddana waxuu jiraa ku dhawaad sannad waana qofka kaliya ee wajigiisu I farxad galiyo dunida dadka ku nool oo dhan waayo waan jecelahay inta Hooyo ilmaheeda jeceshahay ee u nugushahay, sababta aan dadka hareerahayga ah oo ay kow ka yahiin waalidkaygu uga qariyo waayaha ku jira laabtayduna waxaan jecelahay in ay aniga kaliya igu koobnaadaan oo aan dambarsado dhib iyo dheef wixii iga soo gaadhaba maadaama oo aney jirin cid ii garaabaysa oo aann u sheegto duruufaha nololeed ee aan ku suganahay.

3

Wakhtigii aanu aqal galney aniga iyo Muuse waxa uu sii joogay waddanka ku dhawaad lix bilood isaga oo maamulaayey mashaariic kala duwan oo ay usoo dirtay shirkad ku taalla Dubai oo uu ka shaqeeyo. Muddadaas waa aannu wada noolahay haddana iskuma aannaan faraxsanayn. Sababtuna dhankayga ayey ahayd, waayo waxa uu ahaa qof la igu khasbey oo aanan anigu marnaba u soo doorin noloshayda. Waxa u damcey inuu noqdo oo uu tago waddankii uu ka yimid aniga oo xaamilo ah, waxaanan u sheegay in aanay xaaladdaydu sidii hore ahayn oo uu ila sii joogo ugu yaraan inta uu Alle SWT ikala nabad keenaayo. Dabadeed si adag ayuu uga soo hor jeedsadey codsigaygii isaga oo sabab uga dhigey iney hawshiisu ka kala daadanayso oo ay suurtogalba tahay in laga eryo shaqada. Laakiin waxaan ogaa in aanu ahayn qof laga eryi karo shaqada uu shirkadda u hayo darteed, awoodna uu u leeyahay inuu muddo kooban fasax qaato si uu iila qaybsado xaaladda aan ku jiro. Waxa uu se u muuqdey qof aan idanaynaynnin. Markii uu sidaas igaga haajirey waxaa igu sii kordhey nacaybkii aan u qabe. Waxaanan Ilaahay ka baryi jirey in aanu dib iigu soo noqon oo uu sidaas igaga maqnaado welina sidii ayuu ku maqan yahay, aniguna aan u ahay marwo mudanaheedii ka maqan yahay oo xaasnimo lagu og yahay.

Markii uu tegay waxaa waalidkeygu igula taliyeen inaan iyaga usoo wareego mar haddii uu maqan yahay Muuse, laakiin si adag ayaan arrinkaas uga soo horjeedsadey aniga oo u caddeynaaya iney cidladaasi tahay halkii ay iyagu i dhigeen, ee ay iigu talo galeen waxana u sheegay inaan gurigayga joogi doono ilaa inta uu Muuse ka soo laabanaayo ama aanu ku kala haajiraynno. Waxaa muddo yar ka dib ii dhashey Cabdiraxmaan-yare gurigiina wehel ayuu yeeshay marka laga yimaaddo inanta ila joogta ee shaqaalaha ah. Wakhtigaas sannadka ku dhow ee uu inankaygu jirey iyo in ka horraysayba indho iyo baal ma saarin Muuse ima soo xidhiidhiyo lamana hadlo anigu oo iskumaba mashquuliyo. Guriga aanu ku jirno isaga ayaa hanti u lahaa biilka aanu xaq ugu leenahayna waanu ka heli jirney oo bishu markay dhammaato ayaa la ii yeedhi jirey si aan u qaato waxii uu noogu talo galey. Laakiin hadda saddexdii bilood ee u dambaysey waa goostey gebi ahaanba xidhiidhkii lagu yaqaanney nin xaas iyo carruur leh waana waxaan filaayey iyo waliba baryo aan Illahay ka baryi jiray in aanu ninkaas dib isu kaaya tusin.

Dhanka kale waalidkey way ogyahiin waxa uu sameeyey Muuse waxaanney aad isagu qoomammeeyaan iney igu khasbeen qof anan raalli ka ahayn oo ay noloshayda meel kaga dhaceen, iyaga ayaa na og aniga iyo Cabdiraxmaanba oo nagu biiliya hantidan aanu ku jirno. Hadda waxa keliya ee ii banaan ayaa ah inaan aabbo kala hadlo sidii uu ninkaas iiga sii daen lahaa, isagana runta ugu sheegi lahaa maadaama oo aanu noo maqnayn ee uu halkan nagu ilaabey, bari marka uu waagu baryo ayaan bookhanayaa Aabbo waa sida qorshahaygu yahay.

Waxaan u tegay Aabbo waxaanan ka dalbaday inuu xadhigga noo kala jaro aniga iyo Muuse maadaama oo uu isagu markii horena igu khasbey guurkiisa, haddana uu arko sida uu yeelay ee uu noo dayacay aniga iyo ilmahiisiiba. Waxaana na dhex marey aniga iyo aabbo sheekadan; “Aabbo waxaan ahay marwo reer lagu ogyahay sababta guurkaygaasna adiga ayaa ka danbeeyey oo ii guuriyey Muuse aniga oo aan raalli ka ahay. Way dhacdey taasi laakiin muu noqon sidaad iigu sheegayseen Muuse oo wuu ka soo bixi kari waayey masuuliyaddii uu Alle SWT saarey. Waad ogtahay oo Cabdiraxmaan yare oo sannad da’diisu ku dhawdahay ma arkin mana uu ka soo ag wareegin xataa ma oga wiil iyo gabadh waxa u dhashey. Tasina waa nasiib-darro iyo inuu ku ciyaarey noloshaydaan jeclaa inaan farxad ku qaato oo aan gardaadiyo awlaad uu aabbahood i garab joogo oo uu dhib iyo dheef labadaba ila qaybsado. Hadal iyo dhammaan anigu ma rabo inaan sii ahaado marwannimo aan waxba laygu ogayn oo aan laygu cisayneynnin, ee iiga dalab Muuse inaan kala tagno. Wixii aan xuquuq ku lahaana isiiyo sidaasna aanu ku kala faraxalanno.”

“Aabbo Mullaaxooy horta waan ka xumahay inaan noloshaadii caqabad ku noqdey. Weligay waa wax aanan filaynnin inaan dhibaato kugu noqdo oo aan noloshaada ka gaadho go’aanno aan sax ahayn. Ma odhan karo Muuse ayaa leh dhammaan khaladdaadka jira laakiin aniguna qayb ayaan ka ahay. Sababtuna waxa weeye in anan ka fiirsan dhismaha qoyskaaga aan anigu sababtiisa lahaa. Laakiin xilligaas waxaan u aarkaayey maslaxadda noloshaadu iney ku jirto inaad xaas u noqoto inaadeerkaa Muuse oo aan u maleeyey inuu yahay nin ku hanan kara oo ilaalin kara wada-dhalashadiinna. Ma ay se noqon sidaan rejaynaayey, haddana waxaan diyaar u ahay inaan kuu sameeyo wax kasta ood u aragto inuu ku jiro xalka noloshaadu. Adiga ayaanan kaa sugaayey inuu codsigaasi kaa soo go’ oo aad Muuse ka soo istaagto.Si aan kaaga hiiliyo oo aan kaaga qaado waxaad xaq iyo xuquuq u leedahay isla markaana noloshaada uga dheereeyo.”

“Aabbo waad mahadsan tahay. Adiga ayaa hore Muuse iigu khasbey guurkiisa aniguna raalli kama ahayn go’aankaas qadhaadh ee aad i taabsiisay waan se qaatey si aanan uga soo hor jeedsan go’aannadaada. Haddana waan ku faraxsanahay inaad ii samaynayso sidaaan jecelahay. Waxa aan jecelahay inaan mar kale kuugu celiyo inaan rabo in aanu kala tagno oo uu noloshayda sidaas kaga baxo si aan anigu u hagaajiyo wixii iga qabyoobay noloshaydana dib ugu maareeyo.”

Maanta waxaan aabbo kala imid yididdiilo hor leh oo sheegaysa inaan xor ka noqon doono gurigan xun ee ku dhex xidhanahay sidii addoon jeel looga dhigay oo ay noloshaydu dib u heli doonto farxaddii hore uga luntay. Aabbo markii uu la Hadley Muuse una sheegay dalabkayga. Ismaba dhibin umana muuqan mid jecel la sii jooggayga ee hore ayuu aabbo ugu sheegay inuu i fasaxayo ina siin doonno xuquuqiyaadkii ay gabadha la furaa lahayd. Warkani waaba midkii aan waligey Alle ka baryi jirey waxaanan uga mahad -eliyey inuu aqbaley ducadaydii. Sidaas ayaanu Muuse ku kala tagney. Hadyadda ugu weyn ee Alle SWT iga siiyeyna waxa uu noqdey Cabdiraxmaan-yare oo I ilowsiiyey dhib iyo rafaad kasta oo aan soo marey intii aan la noolaa
Muuse. Waxaan xaqiiqsadey inuu sidii uu habeen madow noloshayda usoo galey inuu haddana uu uga baxey oo Alle iga fardaamiyey.

Xilligan waxaan ku noolahay gurigii waalidkey waa goob aan ku soo qaatey farxaddii noloshayda oo dhan haddana aan ku qaadan doono inta aan ag joogo. Waxaa isa soo taraayey maalinba maalinta ka danbaysa soo noqoshada deggenaanshaha noloshayda iyo inaan noqdo qof six xor ah u fikiri karta oo nolosheeda u samaysa jadwal iyo qaynuun ay raacdo, si aana mar danbe ugu lumin hawo been ah iyo nolo aney farxadi ka danbeyn.

Waxaan naftayda kula taliyey xilligan aan joogo inaan bal dib u baadigoobo jacaylkaygii hore ee wakhtigu na kala geeyey, waxaan dib u xasuustey hadalladiisii u danbeeyey ee uu lahaa maalmahii Muuse laygu khasbaayey “Waxaa adag sidaan qof danbe ula wadaagi lahaa xidhiidh jacayl maadaama oo aan kii horeba ku fashilmey”. Waxaan u xidhiidhin jirey si walaaltino leh isaguna wuu i xidhiidhin jirey. Laakiin sannadkii u danbeeyey war kama haynnin meel uu ku danbeeyey maadaama uu Hargeysa ka tagey hawl shaqo oo uu hayey darteed. Waxaan raacdeeyo sidaan xog uga heli lahaa Mooge waxaan ogaadey inuu joogo magaalada oo uu maalmo yar ka hor ku soo noqdey hawsha uu u yimidna ay ahayd inuu walaashii oo ka yarayd oo la soo doonay uu ka qayb qaato meherkeeda. Waxaan sidoo kale ogaadey in aanu guursan ee uu weli yahay kale, dabadeed waxaad mooddaaba inuu Jacayl danbe oo hor leh uu ku soo labakacleeyay qalbigayga maadaama oo aanu habeenna ka bixin maskaxdayda oo aan ahaa qof ku nool xusuusaha maalmahii quruxda badnaa ee aannu soo wada qaadanney, intaas ka dib waxaan go’aansadey inaan xidhiidhiyo Mooge.

Waxaan soo helay tirsiga telefoonkiisa gacanta maadaama uu kii hore ee aan ku aqaaney beddellay. Waa aanan garaacey si aan uga war helo xaaladdiisa iyo halka uu hadda ku nool yahay waxaana na dhex martey sheekadan xiisaha leh ee hoose:

“Salaamu calaykum” sidaas markii uu codkayga u maqley markiiba waxa uu xaqiiqsadey in qofka la hadlayaa ay tahay aniga dabadeed waxa uu ii celiyey.

“Calayku ma salaam, waxaan filayaa qofka illa hadlaaya inuu Mullaaxo tahay.”

“Haa walaal Mooge waa anigii, maxaad igu garatey?”

“Ma qof aan garan waayo ayaad taha. Waxa aan codkaaga maqlaayey muddo Afar sanno ku dhow oo xidhiidh ah markaa miyey suurtogalaysaa inaan ku garan waayaa?”

“Maya, waa wax aan suurtogaleyn, ka warran xaalkaaga Mooge iyo dhammaan xaafaddiiba?”

“Alxamdulillah waanu fiican nahay dhammaantayo ee idinku sided tihiin, ka warran xaafaddeennii, reerkaagii iyo Cabdiraxaan-yareba.”

“Dhammaan nimco adduun ayaanu ku jirnaa oo xaaladdayadu wey fiican tahay. Laakiin
hadda reer ma lihi oo waanigii ninkii kala tagney markaan is fahmi wayney.”

“Kala tagnayaa! Oo walaal xillima?”

“Dhawaan ayaanu kala tagney, oo reerka aan raalli ahaansho iyo jacayl lagu dhisin ma sii raago illaa mid Alle la damcey inuu sii jiro mooyee. Wuu naga goostey waxaana iigu danbaysey aniga oo xaamilo ah illaa hadda oo inankiisii sannad jirsadayna ma yaqaanno xataa ma oga wiil iyo gabadh waxa u dhashey. Dabadeed aabbo ayaan kala Hadley inaanu kala tagno isaguna wuu igu raacey waxaanu ii weydiiyey warqaddaydii. Sidaas ayaanu ku kala tagney Muuse. Hhaddana waxa aan joogaa gurigii waalidkey. Waxaanan wakhtiga ugu badan ku qaataa koolkoolinta wiilkayga si uu ii ilowsiiyo maalmo aad u kululaa oo aan soo marey isaga dartii.”

“Waa wax laga xumaado runtii Mullaaxooy in qoys la dhisey uu dhayal ku burburo. Waa laga fiican yahay oo waxaa qurux badan markasta in sidii lagu dhisay uu u xasilo si ay uga soo baxaan awlaad loo aayo mustaqbalka”

Hadalladdan markuu ilahaa aad ayaan u dhibsanaayey runtii oo waxaan ka filaayey inuu ku farxo inaan Muuse kala tagno oo aan hadda ka ahay xor. Is-xaal-waraysi ayuu jawiga habeenkaasi ku soo dhammaadey. Laakiin aniga waxa si xawli ah qalbigayga u buux dhaafiyey Jacayl ka culus kii hore oo waxaan ogaadey inuu xaalkayagu yahay isbeddel oo isagu markii hore sidaas ahaa anigana la igu danbeeyey oo aan hadda dareensanahay in aan ku jiro xaaladdii uu mar Mooge ku sugnaa aniga dartay, laakiin anan war ka haynnin. Si joogto ah ayaan u xidhiidhiyaa si aan maankiisa markale u hantiyo waxaan soo xasuusiyaa wakhtiyadii fiicnaa ee aanu soo wada qaadanney anaga oo markasta ku hamiyi jirney in ay mar uun dhici doonto in aanu noqono qoys ka mid ah qoysaska Islaamka ee caalamka ka jira si aanu u ahaanno laba nolosha ku mataannooba oo wada qaybsada dhibka iyo dheefta ay leedahay. Waxa uu maankiisu aad u daalac jirey sida aanu u leenahay xasuuso duug ah oo maalinba ta kale ka sii qurux badnayd. Waxaan si rasmiya u ogaadey muddadii aan hadda la hadlaayey Mooge In aanu aniga dabadey hawaysan haween kale sidii uu hore u ballan qaadey waxa uu si rasmi ah iigu tibaxayaa sida aanu marnaba diyaar ugu noqon in uu dabadey qof kale nolosha kula heshiiyo si uu ula midoobo. Waxa uu hadalladiisa ka mid ahaa kuwan soo socda oo sii kordhiyey rejadii aan ka qabey inuu soo laabto Mooge.

“Mullaaxooy waxaad iga maqnayd muddo ku siman laba sanno maalmahii layga kaa dhacayna waxay ii ahayd maalmahii u madoobaa ee noloshayda soo mara. Haddana waxaan go’aan ku gaadhey inaan naftayda wax u kordhiyo se anan dabadaa qof kale aamminin, jacaylkana waxaan ka qaadey sas ah in aanu jirinba fursad aan ugu guulaysan karo qof aan jecalahay markii aan ku waayey ka dib. Waana sababta illaa hadda aanan habeenna isugu hawlin inaan helo qof kale oo ii kaa beddella, waxanan nafta ku qanciyaa in ay sabab la’aan ku iman doonto qofkii Alle ii qoray waa haddii uu ii qoraybee markaasna ay mudan tahay inaan jeclaado oo u samo falo si aanu u wada qaadanno nolol ay raalli ahaansho sal u tahay.”

Waxa aan u celiyey, “Mooge noloshu way gedgeddoon badan tahay. Mararka qaar waxay ku siinaysaa fursad aad ku guulaysan karto marar kale waxay kuu soo bandhigaysaa mid aney sinaba suurtogal u ahayn inaad guulaysto oo aadd gaadho halkaad rabtey. Waana sunnaha kowniga ah ee uu Alle SWT ugu tallo galay caalamkan aynu ku nool nahay, in aanad iskuma hawlin helitaanka qof kale oo aniga ii kaa beddesha waa ballan aad qaaddey xilligii layna kala geeyey ee ay suurtoobi waydey in aynu nolosha adduun ku midowno. Laftaydu labadaas sanno waxaan ku noolaa nolol anan sinaba raalli uga ahayn oo ay wehel ii ahaayeen afarta gidaar ee is eegaaya ee qolka aan seexan jirey. Waxa aan ku jirey nolol haddii xataa illaa cagahayga dahab la sudho ay adkayd raalli ahaanshaheedu. Waayo may ahayn mid aan doortey ee waa la ila jeclaadey ka dibna laygu khasbey. Waxaan se mar kasta Alle weydiisan jirey in aanu Muuse mar dambe isku kaaya soo celin oo aney indhahayagu is qaban, si aan ugu noolaado nolol ugu yaraan aan xorriyad dareemaayo. Illahayna waxa uu iga aqbaley ducadii mar dambena indhahaygu may qaban waxanan Alle ugu mahad-celiyaa markasta inuu iga furdaamiyey oo uu iga dhigey mid xorriyad ka qaadata noloshii ay hiiftay.”

Waxa aad moodaysaa maalinba midda kaa dambaysa in aanu sii kordhinaynno xawaaraha aanu isagu soo dhawaanaynno. Waxaa sidoo kale ii muuqatey sida aanu marnaba qalbigiisa uga maydhmin kalgacaylkii rasmiga ahaa ee aanu soo wada gardaadinny muddo sannado ka hor ah. Waxaan aad u jeclaysanayaa la-hadalkiisa iyo ag-dhawaanshahiisaba. Waayo waxaa laabtayda si xawli ah uga guuxaaya Jacaylka iyo xiisaha faraha ka baxey ee aan laabta ugu hayo. Waxaa si aad ah maskaxdayda ugu soo dhacaysa oo aan mar kasta ka fikiraa midowgayaga iyo sidaan mar kale ugu dhawaan lahaa Mooge. Isaga laftiisu maaha qof iga fog ee waxa uu weli u nugul yahay dareenkii naga dhaxeeyey waayo waayo ee aannu soo wada gardaadinney.

Waxay maalmuhu is guraan habeennaduna is daba socdaan anaguna u nahay kuwo isku soo dhawanaya marba marka ka danbaysa, hadda waxaanu nahay kuwo si cusub u wada jilaaya dareen xasaasi ah oo u muuqda inuu guulaysan doonno, oo uu noqon doonno mid waara oo aan dib ula kulmin dhib iyo carqalado kale illaa wax amar Alle ku socda mooyee. Waxaan dareensanahay nolosha quruxdeeda markaad haysato qof kuu nugul oo ku barbar taagan isla markaana ku jecel oo aan cid kale kugu doorsan karin meel kalena kaaga hanqal taagi karin.

Waxaanu wada soconnaba waa habeen kale oo xasuus leh qiimo badanna noogu fadhiya isla markaana galey buuggayaga xasuus-qorka ee aannu ku xafidno maalmaha na soo maray dhacdooyinka ay wataan ee kala duwan. Waa habeen Jimce ah waxaan ku war helay telefoonkayga dhacaaya ee i kor yaalla, waan qabtey qofka illa hadlayaana waa Mooge. Waxoogaa markii aanu wada hadlayney ee is-xaal-waraysi dhammaadey waxa uu Mooge ii sheegay inuu caawa wato dalab kale rabana inaan ka aqbalo oo aan meeleeyo waxaanu yidhi, “Mullaaxooy waxaynu ahayn kuwo la kala fogeeyey oo wakhtiga iyo waayaha inagu hareeraysan ayaa inaga hiiliyey oo nasiibku waxa uu inannimadaadii ku beegay qof kale.
Haddana waxaad tahay Hooyo, iyada oo ay intaas oo dhammi jiraan haddana waan ku jecelahay oo waxaan kuu hurayaa naftayda oo dhan si aad adigu farxad ugu noolaato isla markaana u noqoto raalli. Caawa waxaan wataa dalab kale oo aan rejaynaayo inuu kaa farxiyo anigana noloshayda dhammaystirro kaas oo ah inaynu hadda noqonno kuwo nolosha ku mataanooba (Waxaan rabaa inaan ku guursado).”

Guur aa! Waxa aan ka soo kacay gogoshii aan ku jiifay aniga oo aan is ogeyn oo isla maqan. Waxaana dhabannadayda markiiba dul hogotey ilmo aan garan waayey meel ay igu sii sugaysey. Waan se farxad ilmaynaayey oo waxaan mafsuud ku ahaa inaan mar kale Mooge hantiyey isaguna uu rabo inaan nolol-wadaag noqonno iskana illowno wax kasta oo na soo marey si aanu u wada qaadanno nolol aan sii qiyaastey, dabadeed waxaan ku celiyey, “Mooge waan ku faraxsanahay inaynu noqonno laba dib isu hantiyey. Waana wakhtiga iyo amar Alle oo is kaashadey. Haddana waxa aan diyaar u ahay inaan noqdo xaaskaaga si aan kuula wadaago quruxda nolosha iyo farxaddeedaba.”

Hadalkaygu waxa uu farxad geliyey qalbi u oomman inuu maqlo aniguna waa mid aan ugu talo galey inaan kaga farxiyo oo dalab kasta oo iiga yimaadda aan aqbalo, si aanu u midowno oo u wada nolaanno.

“Waa si wacan Mullaaxooy waana waxaan kaa filanaayey. Waxa aad ku bushaaraysataa inaan weligaa garabkaaga ahaan doono, saxan wax kugula cuni doonno oo aanan seexan doonin illaa aad adigu seexato. Waxaan noqon mid aad ku faraxdo oo aad agtiisa ka hesho wax kasta oo naftaadu raalli ka tahay.”

Maalmo yar ka dib waxaa la iga soo doonay reerkayagii, iyaga oo si sharaf iyo milgo leh ii siiyey Mooge iiguna duceeyay in Alle SWT reerkayagaas ka dhigo mid barakaysan oo soo saara ubad qiimo leh oo loo aayo mustaqbalka. Dareenka aanu dib ugu midowney annaga oo hore na loo kala geeyey halkuu gaadhiisan yahay ayey kula tahay akhriste? Maaha mid la dareemi karo oo haddaan is idhaahdo soo tebi waa mid anan sinaba uga warrami karin haddii aan maanta oo dhan kuu sheekeeyana aynaan ka geyoonaynnin.

Jacaylku waa dareen qurxiya nolosha gebi ahaanteed, waa dareen haddii lagu midoobo iftiimiya dariiq kasta oo loo maro nolol guuli hadhaysey. Waxaanu wakhtigan ku wada nool nahay raynrayn, is-tixgalin, isu naxariisasho, iska-warhayn iyo inaanu dhadhaminney hayaankii samirkayaga kaas oo noo hirgaliyey inaannu aragno anaga oo qoys ah oo isku faraxsan, noloshana u wada qaadanaynna sida ugu wanaagsan. Waxa keliya een ogsoonahay wakhtigan ayaa ah in dunida dadka ku nool oo dhan haddii laysu geeyo oo hal qof laga dhigo oo Mooge la barbardhigo in aanan marnaba ku doorsanaynnin caalamkaan la isu geeyey ee uu iiga qaalisan yihiin isaga iyo la noolaanshahiisu. Waxaa suurtogal ah in dad badan ay is weydiinayaan waxa uu dheer yahay qayrkii laakiin iyagu war kama hayaan waxa laabtayda jiifa ee uu kalgacaylkiisu sababta u yahay. Nolol baanu ku nool nahay aan aamminsanahay in anay jirin lammaane ku nool caalamkan aynu ku guud nool nahay. Taas oo saldhiggeedu yahay raalli ahaansho iyo kalsooni dheeraad ah oonu isku qabno aniga iyo saygayga Mooge.

Jidkii Halaagga

1

Kenadiid waa wiil dhallinyaro ah oo taagan wakhtigii ugu wanaagsanaa ee uu ka faa’iidayn lahaa muruqiisa iyo maskaxdiisaba, waxa uu ka mid yahay boqolaal ardey oo sannadkan ka qalin fulley mid ka mid ah Jaamacaddaha ku yaalla magaalo madaxda Jamuuriyadda Somaliland ee Hargeysa. Waxuu darsey oo bartey cilmiga dhaqaalaha ama afka qalaad lagu yidhaahdo (Economics). Waayahii waxbarasho ee usoo taxnaa dhawr iyo tobanka sanno waxuu ahaa mid sida shamaca uga dhex iftiima dhammaan ardeydii ay wax soo wadda barteen. Waxuu ku tilmaannaa ardey aan laga waayin kaalaha sare ee hadba fasalka uu dhiganaayo, taasi waxaa u sii dheeraa dhaqan wanaag, akhlaaq, karti, debecsanaan, naxariis iyo kalgacayl uu dadka badankiisa kula dhaqmi jirey. Waxuu waligiiba ku hammiyi jiray inuu kobciyo oo kaalin galiyo qoyska uu ka dhashey oo dan yar ahaa dhaqaale badan oo ku fillanna aan lahayn.

Aabbahii waxuu xaqii u yimmi aamintii uu Jaamacadda uun galley ilaa haddana waxuu mootan yahay ku dhawaad Afar sanno, wakhtigaas uu Aaabbahii mootannaa isagaa Hooyadii iyo carruurtooda ka yaryarba u ahaa iftiin ay kaga gudbaan dhammaan carqaladdaha nolosha sababtuna waxay ahayd yaanu waxba siin oo aanu dhaqaale ku kabinne wuu oggaa oo ka war hayey xaaladda uu ku sugan yahay qoyskiisu. Waxaa hammigooda uguu weyni ahaa marka Kenadiid shaqo wacan hello ee uu caawiyo Hooyadood oo hadda ka adag nolol maalmeedkooda ay u baahan yahiin waxaad noqon doontaan qoys isku fillan oo nolosha u qaata si quman, helanna waxyaabo badan oo asaasiya oo hadda ka dhimman.

Hooyo Caasha waa maamada dhashay Kenadiid iyo Afar carruur ah oo ka yaryar oo laba ka mid ahi wali anney agoonnimadii ka bixin. Waa Hooyo Alle swt karti ku manaystey oo u dhalatey dhabar adayg ay ku waajahdo dhibaatooyinka wakhtigu soo bandhiggaayo ee ku xeeran nolosheeda iyo midda ubadkeedaba. Waxa ay hiirta hore u kalahdaa suuqa si ay u soo shaqayso waxii ay quuddan lahaayeen, xidhan lahaayeen waxna ku barrannayeen. Waxay suuqa ku leedahay meherad lagu iibiyo khudaarta kala duwan ee aynu cunno. Subaxa hore ayey kacdaa si ay u gudato waajibaadkii Alle uu saaray oo ay ugu horayso tukashadda Salaadda subax. Waxay wadda toosisaa dhammaan carruurteeda si intii rag ahina ay masaajidka jamaca u gaadhaan, intii hablo ahina ay u kacaan oo marka ay salaadda tukadaan u diyaar garoobaan sidii ay quraacda u samaysan lahaayeen. Marka ay salaadda sidaas uga salaamo naqsato waxa ay wajiga saartaa dhinacii suuqu ka xigey si ay u sii diyaariso khudaartii ay maalintaas iibin lahayd ka hor inta aanu kolayga suuqu soo gaadhin ama Hooyooyinka kale suuqa u soo adeeg doonan.

Kenadiid afartooda carruurtaa Cabdiraxmaan iyo Cabdilaahi isaga ayey soo xigeen da’ ahaan, Mabsuud ayaa Iyana ah qofka Afaraad halka Muxubo ay ugu yarayd dugsigana fasalka shanaad ay maraysey. Dhammaantood awlaad Alle swt hanuuniyey ayey ahaayeen oo aan dhib lahayn ilaa dheef mooyaane. Hooyadoodna la dedaala oo caawiya si ay ugu dhiirato inney shaqayso. Kenadiid afartaa sanno ee uu Jaamacadda dhiganaayey waxaa u kufaa kacaysey Hooyadii si ay mar uun u aragto inankeedii oon qayrkii ka hoosayn. Waxa ay habeen kasta xaddi lacag ah ku kordhin jirtey oo ay sanduuq gooniya u samaysatey si aanu Kenadiid iyo dhammaan carruurteeda kaleba anney cid kale u daba fadhiisan oo anney qarashka waxbarashada iyo nususaacahoodaba u raadin, waxay dhabarka u ridatey in anney ubadkeedu qayrkood eegin waxa ay haystaan marka ay iyagu waayaan.

Muddo saddex billood ku astaysan ayaa laga joogaa xilligii uu kenadiid ka baxay Jaamacadda ee la qabtey munaasibaddii qalinjabinta, habeen si fiican uma ladin hurdo subaxna hadalkeedaba daa sidii laamaha dawladda oo dhan iyo kuwa gaarka loo leeyahayba uu kolba mid u taagnaa ee uu u gaynaayey ama ka war doonaayey arjigiisa shaqo ee uu meel kasta geeyey walina wax shaqo ah ma hayo haba yaraatee. Maalina maalinta ka danbaysa wuu sii niyad jabaayey oo waxa uu oggaa inney jiraan laba carqaladdood oo waaweyn oo uu shaqo u heli la’ yahay isaga iyo in badan oo la mid ah kuwaas oo kala ah.

Waa ta koowaade, Inney aad u shaqayso qabyaaladdu oo nin kasta oo meel wax ka ahi uu kaliya jagooyinka shaqo uu siiyo mid ay wax isu yahiin oo ilmaadeer yahiin ama waji garasho loogu keenay taas oo sababatay ilaa inuu qof gacanta ku hayo mooyee in aanad shaqo ka helayn dhammaan laamaha waddanka ee lagu tuhmaayo inney shaqaalaysiiyaan dhallinyarada waddanka. Waxaa hubaal ah in anney shaqayneyn xirfaddaada aqoonneed eed wakhtiga, maalka iyo maskaxdaba ku bixisey lakiin uu si fiican u shaqaynaayo habka lagu qadhaabsado oday cumaamad sita, tanina Kenadiid way xidhay oo markaas si fiican uma garanayn qof qoyskooda ah oo ka mid ah madaxda waddanka.

Waa ta labaadde, in aanu waddanku lahayn dhaqaale ku fillan oo ay dhammaantood ardayda Jaamacaddaha ka soo baxdaa anney fursad u heli Karin in ay shaqeeyaan oo qof kastaaba shaqo xafiisaysan uu hello, tanina caqabad kale ayey ahayd oo xanibtey Kenadiid inuu hore shaqo u helo taas oo aanu markaas haysan dhaqaale uu isagu maalgalin ku samaysan karo waxa uu isagu kaligii leeyahay oo uu ka shaqaysto si uu nolosha sugaysa u dabaqo. Waxaa soo food saaray maalmo adag oo aanu qaarkood hurdo seexan oomatana quuddan siduu uga fikiraayey halkeed martaa iyo maxaad qabataa, inta dadku dhabanka dhulka ku hayaan isaga u walaac iyo walbahaar bay ahayd waxa kaliya ee maskaxdiisa ku soo hadba ku soo celcelinaysey waxuu ahaa inuu tahli kari waayey soo celinta xaqii Hooyadii ku lahayd iyadoo u soo kacaa kufaysey muddada intaas leeg ee uu wax soo baranaayey. Dhanka kale Hooyo Caashi waxay aad uga werwersanayd xaaladda inankeedu ku sugan yahay ee shaqo la’aaneed. Way waanin jirtey oo wacdi badan u marin jirtey iyada oo wax u tilmaamaysana waxay lahayd, “Hooyo Kenadiidoow nolosha adduun waa mid gadgaddoon badan oo noolaha lagu imtixamaayo si ay ugu samraan oo u ilaaliyaan jiritaankooda iyo inney Alle swt ku caabuddaan calool fayoobi iyaga oo markasta ka dalbanaaya inuu waxii khayr ugu jiro ugu kaalmeeyo si ay u xaqiijiyaan, waxii aan wanaag iyo khayr ugu jirinna ay ka taggaan oo ka tanaasulaan. Hooyo waan ogahay oo waxaad isku ciil kaanbinaysaa inaad hore u soo celin kari waydey xaqii aan kugu lahaa iyo maalgalintaydiiba, taasi waxay ka dhiggan tahay inaad gashay dedaal aan kala go’ lahayn ood ugu jirto rumaynta ahdaafta nololeed eed leedahay. Haddaba waxaad niyada ku haysaa in anney sinaba u dhici Karin inaan is waydiiyo sababta aad noo kafaalo qaadi waydey waayo waxaan arkaa xaaladda adage e naftaadu marayso si aad u hesho shaqo kugu fillan ee Hooyo waxay talladaydu tahay in aanad niyad jabin oonad rajo dhigin waayo niyad jabku waa illinka laga gallo maalmo guul darro hadhaysey ee Hooyo dedaal intaad awoodo adiga oon naftaada saarayn culays ka badan tankeeda iyo intey qaadi karto.”

Hadallada Hooyadii mararka qaar waxay sida dhanbiisha gubayeen nabar hafeefanaayey oo ahaa in aanu wali gudin xaqeedii oo aanu nasin, markale waxay u ahaayeen dhakhtar baanta nabarradaas waa marka ay dhiirigalinayso ee ay tusaysey in niyad jabku yahay waxa ugu xun ee nolosha bini’adamka saameeya, dabadeed waxuu ka helaayey shiidaal u shida nalka dunida oo uu hore ugu sii socdo si uu albaab kasta u garaaco oo uu ku tuhmaayey inuu wax ka korodhsan karo.

Waxaa maalmo kooban galley rajo ah inuu shaqo ka helo doono mid ka mid ah laamaha dawladda. Subax Arbaca ah ayuu u boqolley sidii uu u tagi lahaa halkii uu ku tuhmaayey inuu shaqo ka helo, nasiib darro se xaalku siduu moodaayey muu noqon oo waxuu arkaayey in anney waxba ka soo naasacaddeyn meeshan uu yimid. Arjigiisa shaqo raadinneed meel kasta wuu yaallaa oo uu ku rajaynaayey inuu wax camal ah ka hello. Maalmo ka hor ayaa loo soo sheegay in imtixaan loo gali doonno jagooyin ka banaannaa wasaaraddaha dalka oo ciddii ku soo baxdaa ay heli doonto boosaska banaan. Aad buu arinkaas ugu farxay isaga oo isku kalsoon waxaanu isu diyaariyey sidii uu halkaas guul uga soo hoyn lahaa. Waxuu diyaar garoobaba waxaa la gaadhay aamintii la gali lahaa imtixaankaas. Salaaddii subax goortii laga baxey ayuu cagta saaray laamiga si uu u gaadho goobtii loo cayimey inuu imtixaanka ku gali doonno, waxyar ka dib waxuu gaadhay halkuu u socdey dabadeed waxuu la kulmey dad aad u tiro badan oo iska soo xaadiriyey goobtii imtixaanka lagu gali lahaa, marba marka ka danbaysa way soo badanyeen iyagoo raxan raxan u socdana waxay ka soo galayeen ganjeelkii weynaa ee goobta lagu galaayey Imtixaanka.

Kenadiid waxuu aad ugu kalsoon yahay naftiisa iyo inney ku guulaysan karto imtixaankaas uu maanta u galaayo shaqada ilaa laba midkood mooyaane, waa midda horee in eex iyo nin jeclaysi lagaga saaro goobtuu mutaystey waana midda u badan ee hadda ka shaqeeya goobaheenna shaqo taas oon qofka loo eegayn aqoonta iyo xirfadda uu leeyahay ee nin kastaaba ninkiisa soo dhawaysanaayo. Waa midda labaade inuu qadarka Eebbe ku waayo, labadaba se wuu u diyaar garoobay inuu aqbalo waxuu se ku rajo waynaa inuu helo doonno imtixaanka uu shaqadaas u galley oo aad u fududaa dartii. Muddo bil ku dhow ayuu rajo ku noole ahaa oo ay maqnayd natiijadii imtixaankii uu galley, waxaa muddadaas ka dib la shaaciyey in laba cisho ka dib la soo dhajin doonno natiijadii iyo ciddii ku guulaysatay boosaskii banaannaa.

Waxaa Kenadiid ku sii batey su’aal madaxiisa wareerisay oo ahayd “Tolow maad heli?” waxuu sii sawirtey isagoo shaqo galley oo boqolaal rajo sii dhistey, waxuu sidoo kale isku dayaayey inuu diyaariyo anshaxii uu kula dhaqmi lahaa dadka jooga goobta uu u shaqo tagi doono hadii Alle ku simo. Waxaa la gaadhay aamintii la shaacin lahaa natiijada imtixaanka waxaanu goor horre iska xaadiriyey goobtii laga sheegi laa guulaystayaasha. Waxuu soo ordaba waxuu dul yimi oo dul istaagay meel daaqad ah oo shabag ka sareeyo boqolaal dhallinyaro ahina ku xoonsan yahiin, qaarkood waxaa ka muuqda niyadjab iyo daal faro badan kuwo kalena way isu hanbalyeynayaan oo laabta is galinayaan. Kenadiid waxuu qooransado laba warqaddood oo dadku aad ugu badnaayeenba waxuu quus la istaagey helitaanka magaciisii dabadeed waxuu xaqiiqsadey inney tanna tahay guuldarro kale oo soo foodsaartay.

Waxuu u fiirsadey dadkii la hanbalyeynaayey oo uu qaarkood gartey dabadeed waxay maskaxdiisu soo celisay oo dib ugu laabatey taariikh nololeedkooda, waxay garaadkiisa ka waynaadey inuu itixaankaas ku soo baxo wiil Bulxan la yidhaahdo oo uu si fiican u garanaayey. Bulxan iyo Kenadiid maalmo ayey kala danbeeyeen aamintii dugsiga la wadda qoray oo isku fasal ayey noqdeen, Bulxan ma ahayn dadka waxbarashada ku wanaagsan ee waxuu ku fiicnaa suuq meeraysiga iyo socodka xun een fiicnayn. Dugsiga hoose/dhexe waxuu ka baxay isagoo laba sanno hadhay oo Kenadiidna fasalkii labaad ee dugsiga sare yahay ka dib intaa waxii ka danbeeyey dib uguma noqon waxbarasho Jaamacad iyo dugsi sare toona, waxaa hadda se golaha deegaanka ee degmada Hargeisa ku jira adeerkii ruma waana sababta u weyn ee hadda uu shaqadan aanu aqoonta u lahayn uu u hellay.

Niyabjab heerkii u danbeeyey ayuu gaadhay waxaanu iska dhaadhiciyey in Bulxan iyo kuwa kale ee la midka ahi ay ku cidhiidhiyeen booskiisii shaqo ee uu aqoonta ku heli lahaa isla markaasna anney jirin cadaaladdii lagu kala haggi lahaa dhallinyaradii sugaysey natiijadii imtixaankii la galley. Waxuu nacayb u qaadey dadkan madaxda ah ee waddanka haysta een shaqo abuur sax ah u samaynin jiilkii soo kacaayey haddana ay ugu darreen cadaalad darro middii ugu weynayd ee ah nin jeclaysi iyo eex qaawan oon loo Aabbo yeelayn foolxunna loona dulqaadan karin isla markaana anney jirin cid kaaga garaabaysa oo aad u cabataa.

2

Sannadka billo ayaa raaca intii uu shaqo la’aa ee uu ka sokeeyey Jaamacadda, hadda quus ayuu ka taagan yahay sidii uu shaqo uga heli lahaa waddanka gudihiisa. Niyadjabka ku dhacey een qiyaasta lahayn waxaa ka darran qoyskii oo aanu waxba ku soo kordhinayn, waxuu sidoo kale dhibsadaa markuu arko nin aan waligii goob waxbarasho ka xaadirrin oo sida af soomaaliga loo akhriyo loona qoro bareefad yar ka bartey markuu subaxii u shaqo taggo shaqo aanu aqoonteedii lahayn. Kenadiid waxay xaaladda niyadjabka saxiib ku noqdeen Bacaluul oo isaguna dhibka shaqo la’aantu saamaysey.

Bacaluul waa arday ay Kenadiid mar ka wadda baxeen Jaamacadda oo isaguna darsey kuuliyadda maamulka iyo maaraynta ganacsiga qaybteeda xisaabaadka (Accounting). Waxay rafiiq ku noqdeen isaga iyo Kenadiid ku noqnoqoshada xafiisyada laamaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba si ay in uun u raadiyaan fursaddo banaan oo ay buuxiyaan, waxay se goob kasta kala kulmayeen hungo iyo in anney waxba uga bislayn iyaga. Wali rajo aan badnayn ayey qabaan inkasta ood moodo inney maalinba maalinta ka danbaysa ay ku sii hoobanayaan badweynta niyadjabka iyo quusta ee hareeraheeda ay buuxisey cabsida ay ka qabaan inney mustaqbalkooda dhisan kari waayaan.

Naftooda dhaliil kaliya ayey u hayaan taas oo ah inney barran waayeen xirfaddo kale oo ay maanta ku shaqaystaan, waxay ahayd inney farsamada gacanta ku dedaalaan barashadeeda si ay ugu noqoto isha kaliya ee ay iftiinsadaan madaama oo cilmigii ay soo barteen ku waayeen shaqo cadaaladda ku qotonta oon reer hebeli ku jirin. Qalbiyadooda duufaan baa ku kacsan dal naceyb ah taas oo ay maskaxdoodu qabatintey sida ay dhexdiisa cadaalad darrada ugala kulmeen, sida aan loo cisayneyn dhallinyarta waddanka usoo kacaysa ee noqon doonta madaxda baritoole, sida kuwii waddanka madaxda ka ahaa ugu horseedayaan bulshada inteeda kale cadaalad darro iyo musuq aan gabasho lahayn oo xadkooda dhaafay.

Waxay markasta maqlaan boqolaal dhallinyarro ah oo waddanka u soo kacaayey ayaa baddaha midhatareeniyaanku liqeen iyagoon u Aabbo yeelayn dabadeed maydadkooda soo tufaan oo bahalahu halkaas ku haaliggaan lafahoodana ka tagaan. Waxay iska dhaadhiciyeen inney si u saxsanaayeen madaama oon layskuba hawlayn ilaalintooda iyo dhaqaalayntooda si ay aroorta waddanka hoggamiyayaal uga noqdaan. Kalahaad badan, socod farro badan oo ay u kala gooshayeen meelo kala durugsan, niyadjab ay deris la noqdeen ka dib maalmahii u danbeeyey waxay ka wadda hadlayeen waxuu u badnaa Tahriib iyagoo markasta ka eegaayey dhinaca dhallinyartii ku badbaaddey tahriibta ee iyagu shaqaystey qoysaskoodiina wax soo tarray. Way iska indho tirayeen halaagga farraha badan ee ka danbeeya ee xataa dhimasho leh, waxay sidoo kale hilmaansanaayeen waalidiintooda aan haysan dhaqaale buurran oo ay kaga samato bixiyaan dhibta tahriibtu leedahay, waxay gabi ahaanba meesha ka saarreen hagardaamada soo gaadhi doonta waalidkoodu marka ay waayaan iyaga oo ay muddo badan ku soo tabcayeen.

Waxay maaliba ta kale u dhiibto oo ay ku dhex jiraan ka sheekaysiga ficilkaas dhibta iyo hagardaamada badanni ka soo gaadhayso, waxay ugu danbayn ku heshiiyeen inney ka haajiraan dhulkoodan ay cadaaladdu ka shaqayn waydey, waalid iyo walaalo jecel, asxaab ay is barteen oo tan iyo wakhtigii carruurnimo ay isku soo ag barbaarreen. Waxaas oo dhan ayey iska indho tirreen iyagoo diiradda saartey oo samaystey mala-awaal ah inney nolol wacan heli doonaan. Bacaluul iyo Kenadiid waxay isku garabsadeen oo ku heshiiyeen inney jidkaas dheer wadda maraan oo u badheedhaan dhib iyo dheefba. Waxay muddo ku hawlanaayeen sidey u heli lahaayeen khad ay magaalada kaga baxaan ugu danbayna way heleen. Waxay is helleen rag iyagu u dabaaba xidhan sidii ay dhallinyarta waddanka ugu saari lahaayeen oo ay ugu ban saari lahaayeen dhul iyo saxare kadeed iyo rafaad miidhan ah oo meel loo ciirsaddo anney jirin. Markii ay macluumaad kala qaateen shardigga kaliya ee lagu xidhay waxuu ahaa inuu midba laba sawir oo kur ah keenno, taas oo loo sheegay in lagu samayn doonno mustawaqe bug ah oo hadii xuduudka waddanka laga galaayo lagu qabto ay ku dhaafiyaan. Waxay sidoo kale xilligaas ogaadeen in wax hanti ah aan lagu xidhi doonin hadda lakiin si farsamaysan waddanka looga saraayo. Maalmo yar ka dib way keeneen labadii sawir waxaana loo sheegay aaminta la bixi doonno hadii Rabbi xukumo. Waxay xamaan uruursadaan oo hoostana uu kaga furan yahay caloolyow ah siday waalidkood iyo dadka jeceli ay u dhib mutaysan doonaan, haddana waxay nafta ku maaweelin jireen siddey wax usoo tari doonaan hadii Rabbi ku guuleeyo wadadaas dhibta badan ee ay u anba baxeen.

Waa maalin ka duwan maalmahii hore, waagga barigiisii hore ayey kolayaysteen oo waa subaxii ay ugu tallo galleon inney ka baxaan waddanka oo dhul shisheeye iyo waddo dhib badan u anba-baxaan. Bacaluul iyo Kenadiid way isku lug dareen iyaga oo wax saacad ka yar ku gaadhay goobtii ballantu ahayd ee ay ka raaci lahaayeen gaadiidkii ay magaalada kaga bixi lahayeen. Waa dhallinyar anney tiradoodu soddan qof ka badnayn oo rag iyo haweenba isugu jira. Dhammaantood waxay soogan yahiin qol yar oo meel qarsoodi ah ku yaalla, waxyar oon daqiiqado ka badnayn ayuu irridda gurigii ay ku huursanaayeen soo hor istaagay bas soddan iyo shan qaad ah oo sidday u idil yahiin lagu gurray. Dhaqaaji oo qardo jeex baabuurkii, muddo afar saacadood ku siman ayuu dhul buuro iyo banaan iskugu jira oo cidlo ciirsila ah jibaxaayey. Intaas ka dib waxay dhinaca koonfurreed ka soo galleen magaalo xuduuddeedka Wajaale oo ahayd magaaladii u horaysey ee ay tahriibta ku soo gaalaan.

Kenadiid iyo saaxiibkii Bacaluul waxay mararka qaar la noqonaysey riyo iyo wax mala-awaalkoodii wali ku dhisan. Waxay badannaa isku mashquulinayeen barashada dhulalka buuralayda ah ee anney hore u marin. Ninka baabuurka wadda iyo kuwa kale ee la saran ee hagayaa waxay si fiican iskula garanayeen wadooyinka ah boqolaalka waddo tuug ee ay magaalada dhexdeeda ku marayeen. Wax aan toban daqiiqo ka badnayn markay magaalada dhex socdeen ayaa meel cidlo ah oo cariish yari ka dhisan yahay lagu dajiyey oo baskii siddayna ka noqdey. Dadkii tirada badnaa ee tahriibayaasha ahaa waxaa lagu gurrey cariishkii yaraa dabadeed raggii waddey ayaa khudbad u jeediyey ku salaysan siday magaalada gudaheeda u gali doonaan iyaga oon laga shakiyin, xilliga ay bixi doonaan, cidda qaadi doonta iyo siday magaalada si dhuumasho ah ugaga bixi doonaan. Waxaa intaas dheeraa in qof kasta lagu amray in uu Mobil-kiisa gacanta ee uu sito iska bakhtiiyo si anney ehelladiisu usoo tixraacin muddo yar guudaheeda.

Dhanka kale waxaa la gaadhay salaaddii Duhur. Waa xilligii Kenadiid ku soo noqon jiray guriga markuu salaadda oo tukado si uu wax u cunno ka dibna u yara nasto. Hooyo caasha waxay quus ka qaadatay inuu inankeedii ku soo laabto guriga waayo mabay ahayn wax ay uga baratey maqnaanshiyaha intaas leeg iyo waliba Mobil-kiisii oo xidhan. Fajac iyo yaab ayey la kowsatay iyo wax anney hore u arkin oo ku cusub, waxaa durbadiiba saaqay walaac naxdin wata. Kenadiid iyo asxaabtii tirada badnayd ee la socotay waxay si tuugo ah qolaba mar u gasho magaaladii ugu danbayn way ku dhammaadeen oo way ka sii anba-baxeen goor salaaddii Casar laga baxay. Qardo jeexe markale oo wadada ay marayeen mid dhib badan ayey ahayd oon gaadhi iyo bini’adam toonna ka sanqadhayn kana dhaqaaqayn. Waxay sii guura galaanba waxay goor danbe gaadheen magaalada Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomaalida halkaas oo lagu aabudhay meelo tahriibayaasha u gooniya oo lagu xareeyo ilaa inta ay ka baxayaan magaladaas.

Muddo laba cisho ah ayey ku jireen halkaas oo loo qalqaalinaayey sidii ay ilaa xuduudkii Suudaan ku gaadhi lahaayeen. Qoysaskii ay Bacaluul iyo Kenadiid ka baxeenna inkasta oo anney is aqoonin haddana qolo kastaaba dhankeeda u ogaatay inuu tahriibay wiilkoodii. Qoyskii Kenadiid ee ka koobnaa Hooyo Caasha iyo walaalahii waxay u ahayd inuu dhinac dumay . Waxaa waaggu baryi jirey oo gabalku u dhici jiray iyaga oo qalbiyadoodu murugo iyo catow hadheeyeen oon raq iyo ruux midna haynin Kenadiid. Isaga laftiisu inta dadku hurdaan indho iskuma keenni jirin ee waxaa sida dharaarta ugu caddaa murugada iyo naxdinta is huwan ee uurka Hooyadii gubaayey. Ilmo ayuu hibo-tiqlaynaayey isaga oo isku arka mararka qaar qof la soo khalday haddana anney jirin meel uu ka laabto ee ay khasab ku tahay inuu hore usii socdo oo geeri iyo nolol labadaba u badheedho. Waxaa maankiisa buux dhaafiyey inuu dareemay inney hagradeen oo hiirtaanyo ku dilleen kuwii waddankiisa madaxda looga dhiggay, waxuu yaqiinsannaa oo ogaa in anney iyagu lahayn ee ay xoolahii dadwaynaha yahiin waxaas ay ku wadhwadheen ee babuurta iyo guryaha qaaligaa u hantiyeen. Wali dal iyo dad nacayb ayaa qalbigiisa ku sii fidaayey oo waxuu ogaadey inney iyagu masuul ka yahiin dhibta ay isaga iyo boqolaal dhallinyaro ah oo la mid ahi marayaan.

Safarkii tahriibta ee waayaha badnaa wuu sii socdey, waxay goor gabal dumay oo saq dhexe ah ay guure ku galleon waddanka Ethiopia. Halkaas oo muddo ay ku nagaadeen ku siman saddex cisho. Waxay dhuumalaysi iyo aqallo qarsoon ku jiraanba waxaa la gaadhay goortii loo xadhko xidhan lahaa wadadii ugu dhibta iyo qaxarka badnayd waana saxaraha u dhaxeeya xuduudka Ethiopia iyo waddanka Suudaan. Wali qofna ma hadhin dhallinyartii halkan iska raacday, marba marka ka danbaysa qariib ayey dhulka iyo dadkuba ku sii noqonayeen oo intoodii halkan iska raacday ayaa qoys noqotay dadkana iska dhawaystey. Intii aanu ka bixin Ethiopia ayaa uu Kenadiid go’aansadey inuu la hadlo Hooyadii iyo qoyskii quruxda badnaa ee uu ka tagay si ay u ogaadaan waxa uu ku suggan yahay iyo xaalkiisu halkuu ku danbeeyey.

Hooyo caasha iyada oo markaas uun soo rawaxday oo salaaddii Maqrib tukatay kuna tasbiixsanaysa saliggii yaraa ee ay ku tukanaysey ayuu Mobil-keedii gacanta oo ag yaallay soo dhacay kor bay usoo qaaday oo waxay aragtay inuu yahay tirsi aan waddanka gudihiisa ahayn, qabatay markiiba oo waxay garatay in qofka la hadlaaya ee “Hooyo, Hooyo” lehi uu yahay Kenadiid. Waxay tahli kari waydey inney hadalkii ku celiso oo u jawaabto Kenadiid oo “Hooyo illa hadal” ku celcelinaaya, goor danbe ayey tidhi “Hee Hooyo Kenadiidoow”, markaas ayey neeftii ka soo booday Kenadiid dabadeed waxuu u sheegay halkuu ku suggan yahay, xaalkiisa iyo marxaladdaha sugaaya ee uu rabo inuu cagta saaro. In badan waxay isku daydey inney ka dhaadhiciso sidi uu halkaas uu maraayo ugu joogsan lahaa wuu se ka dhaggo adaygay isaga oo markasta ugu hal celinaayey “Hooyo ii ducee, anba waan noolaan oo nolaashiinaan kafaallo qaaddi doonnaa ama waan dhimmane”. Halkii ayuu Hooyadii ku macasalaameeyey oo uu raacay jidkii dheeraa ee sugaayey.

Hooyadii hadalkiisii waxuu ku noqdey dhanbiilo iyo xanuun hor leh oo qalbigeeda holcinaayey. Waxay werwer ka qabtay nolosha inankeeda iyo inney dib isu arki doonaan oo u kulmi doonaan isagoo bad qaba.

Xuduudka waddanka Ethiopia aad baa loo adkeeyey iyadoo laga taxadaraayo inney ka gudbaan wax anney waddanka iyo madaxdiisu ogayn, waxyaabaha mamnuuca ah waxaa ka mid ah Tahriibta. Tuug tab uu ku baxsado ma waayee waxay mareen oo qardo jeexeen dhul iyo wadooyin loogu tallo galley in la mariyo dadkan tahriibaaya. Saxare kulayl, hanfi iyo xayawaan dad cun ahiba joogaan ayey dhex socdaan. Ma dareemi kartid baqdinta iyo naxdinta isa saran ee xataa dhulku u sanqadhaayey, qaarkood haraad iyo gaajo ayaa laayey, kuwo kale way socon kari waayeen oo way hadheen iyadoo la yaqiinsannaa inuu xayawaan cunni doonno haddana may lahayn awood ay inta fayoobi ku dul joogto inta hadhay.

Intii saxaraha lagu guddo jiray oo ahaa safar dhib badan qaatayna muddo afar maalmoood ah ayaa waxaa hadhay dhallinyar ku dhow toban qof oo dumar u badanaa. Xanuun darran iyo dareen argagax wata weeye marka qof aad wadda socoteen bahalaha iyo cadow u loogtid ood kaga tagtid lakiin mararka qaar nafta ayaa ku faraysa inaad ka tagto si aad taada u badbaadisid oo aydaan iskugu dul dhiman. Bacaluul oo ahaa saaxiibkii kaliya ee ay Kenadiid safarkan ku soo bahoobeen ayaa isagu ku sigtay inuu ka mid noqdo dhallintii ku hadhi gaadhay saxaraha, haraad ayuu luunku ku wareegay iyadoo gaajana u raacday oo ay ka daadagi waydey midhadhkii timirta ahaa ee uu sahayda u sitay. Intii uu ku sugnaa xaaladdaas adag waxaa aad ula tacaaley saaxiibkii Kenadiid oo markasta ku dhiirigalinaayey in aanu hadhin ee uu naftiisa ku khasbo inuu dhaqaaqo si halka ay doonayaan u gaadhaan hadii wadku daayo, Bacaluul waxuu naftiisa ku dirqinaayey inney soocto oo uu is tahbiibo si anney halkaas bahalahu hilibkiisa ugu haaligin.

Markii ay wakhti dheer guure ku jireen oo kontan saacaddood ku dhow ayaa waxay soo gaadheen raggii dadka af duuban jirey ee magafayaasha aynu u naqaanno dabadeed saacado gudahood ayey maxaabiis la haystayaal ah ku noqdeen. Markii ay habeen iyo maalin ku xidhnaayeen xeryo iyo godad ay boqolaal kale oo la mid ah ku abudhnaayeen ayaa rag iyo dumarba lagu khasbay inney la hadlaan ehelladoodii si lacag kumanaan dollar gaadhaysa oo maddax furasho ah loo waydiiyo. Ilaa maalintii ay ka soo baxeen Hargeysa iyo gobollada kale ee la midka ahba ilaa markii ay magafayaasha afka uga galleen hal mar lacag lama waydiin hadda ka horaysey hal sabab ayaana jirtey oo ahayd in ragga intaas soo wadday ay ahaayeen silsilad isku xidhan oo midba ka kale u gudbinaayey dhallinyaradaas laga qafaashay waddankoodii Hooyo.

“Dadka ku shaqaysta tahriibinta ee waddanka gudahiisa ka uruuriya ubaxii usoo kici lahaa waa danbiilayaal qaran oo anney dawladu waxba ka qaban, shaqo la’aantii haysey dhallinyarta waddanka waxaa u raacay magafayaashan maskaxdooda jahawareersan ka faa’iidaysanaaya kuna talaalaaya xanuun dal iyo dad nacayb la yidhaahdo oo aakhiritaanka sababi kara dhimasho iyo halaag nafeed”

Markii qof kastaaba la hadlay waalidkii ee aay u sheegeen xaalaaddooda iyo sida raggaas haystaa u garteen ayaa sidii caadada ahayd waalid kastaaba u tafo xaytey sidii uu ilmahiisa masiibaddu halkaas gaysey uga samata bixin lahaa. Qaarkood waa kuwo dirqi ku hela saddexda wakhti ee ay quudanayaan sida qoyska Kenadiid, kuwo kalana mararka qaarkood dabkaba ma shitaan oo nolosha adduunyo waa ku cakirran tahay sida qoyska Bacaluul ka soo tahriibay. Inta kale ee goobtaas lagu haystaana xaaladda qoysaskoodii ay ka yimaadeen sidaas kor ku xusan ma dhammaan. Kenadiid Hooyadii Caasha waxaa ku ciirtay tallo, waxay garan waydey cid ay miciin biddo oo ay wax waydiisato si ay u badbaadiso inankeedan la haystaha noqdey. Isaga laftiisu wuu ogyahay in anney jirin il dhaqaale oo lacagta intaas leegi ka soo bixi karto si uu isagu uga baxo dhibta haysata dabadeed waxuu qaatay go’aan aad u darran oo dhibtiisa iyo cabsidiisa wata oo ahaa inuu isagu keeno qorshe uu meesha kaga baxsado oo uu kaga badbaado dhibtan kala soo gudboonaatey socdaalki tahriibta ee uu ku guddo jiray.

Ragga ay u af duuban yahiin ee haystaa waxay u badan yahiin soodaan nin kastaaba leeg yahay labba nin oo Soomaali ah oo laysku daray, aad bey u quwad waynaayeen oo u dhaadheerayeen qofka arkana cabsi ayaa markiiba sulaaqaysey. Kenadiid raggii haystey ayuu mid ka mid ah la heshiiyey, heshiis sii dayneed maahee waxuu si fiican u yaqaanney luuqadda Carabida oo uu had iyo jeer kula sheekaysan jiray intuu ilaalinaayo. Maalintii danbe ayuu ka codsadey inuu Mobil-kiisa gacanta u yara dhiibo si uu ula hadlo Hooyadii, waxuu ka ogolaadey inuu labba daqiiqo oo kaliya kula hadlo ka badan se aanu ogolayn. Wuu la Hadley Hooyadii waxaanu ku yidhi “Hooyo xaaladdaydu way fiican tahay wax dhib ahinna hadda ima hayso, waan ogahay in lacagta intaas leeg ee lagu waydiiyey anney suurtogal ahayn bixinteedu ee Hooyo wakhtiga aan kula hadlayana waa lay xadiday waxaad se yeeshaa lacagtaas raadinteeda iyo bixiteeda toona haysku hawlin, hadii ay kula soo hadlaanna u sheeg inaad soo waddo ood soo dirayso maalmaha soo socda aniguna meeshan anigaa ka baxaaya ee werwer la’ow Hooyo inna soo ducee in anney waxba I yeelin dadkaas I haysta een u xanibanahay.”

Markuu intaas ka gaadhsiiyey ee anney wali jawaab u celin Hooyadii ayuu dhiggay Mobil-kii uu gacanta ku hayey waayo waxuu arkay ninkii u dhiibay oo xaggiisa u soo socda ka dibna wuu siiyey isagoo u mahad celinaaya. Bacaluul oo ahaa saaxiibkiisii ay jidkaa dheer soo wadda mareen ayuu u so bandhiggay qorshe ah inney meeshan ka baxsadaan, aad buu Bacaluul uga soo horjeedsadey saxiibkii Kenadiid isagoo u iftiiminaaya khatarta dhimashada wadata ee ku gaddaaman qorshahiisa. Markii uu ka diiday ayuu ka fikiray qof kale oo qorshahaas ay wadda galaan dabadeed markale waxuu u bandhiggay Samaale oo isaguna ka mid ahaa dhallintii ay mudada isku jidka soo ahaayeen, Samaale-na werwer badan oo ku furnaa dartii waxuu isku biimeeyey qorshahaas khatarta ah ee uu Kenadiid usoo bandhiggay.

Meesha ay ku jireen waxay ahayd deyr weyn oo leh labba albaab oo waaweyn iyo saddex yaryar oo laga baxo lagana soo gallo. Waxaa dhammaantii ku hareeraysnaa ciidan qoryo sita oo qaarkoodna deyrka dibadiisa joogeen, kuwo kalena albaabada ilaalo u ahaayeen halka in kalena ay ku dhex jireen tahriibayaasha oo dhex seexan jireen si ay u kala ilaaliyaan. Raggaas dhex jooga ee ciidanka ah waxaa agtooda caadi ka ahayd inney hablaha tahriibayaasha ah faro xumeeyaan iyagoon u Aabbo yeelayn qaylada iyo oohinta indhahooda ka qubanaysa. Waa dareen gilgilaaya qalbiga qofka ag jooga ama u muuqdo ficilka noocaas ahi lakiin ninka ka hadla xabbad ayey ku qaboojin jireen, waa dareen xanuun kulul oo aanu qofna ka jawaabi Karin isagoo jawaab la’aantaasi ku badbaadinaaya naftiisa. Dhammaantood arxan laawayaal ayey ahaayeen rasaasta ay dadka ku furayaan anney waxba la ahayn.

Waxaa deyrkaas ay dhex joogeen ka dhisnaa taandhooyin yaryar oo sidii cariishka loo sameeyey loona hoydo. Deyrku guudka sare wuu ka banaan yahay oo ma laha wax hadheeya maalin oo dhan cadceeda ayaa ku garaacda habeenkiina dhaxanta. Muu lahayn galdaloolooyin badan oo dadku ka bixi karaan waayo waa meel aad loo adkeeyey oo loogu tallo galey in ay maxabiis ku ahaadaan inta la madax furanaayo.

Qorshaha ay Kenadiid iyo Samaale rabaan inney kaga baxaan meesha waxuu u dhignaa sidan; deyrka waxaa dhex yaalley salaan waxoogaa leeg oo ay iyagu keensadeen kuna ilaabeen meesha. Xilliga habeenkii gaar ahaan marka ay labba iyo tobanka habeennimo dhaafto ilaalada goobtu way yaraataa oo askarta badankoodu siiba inta dhex joogta iyo kuwa albaabada ilaalinayaaba qof qof kaliya ayaa ka soo hadha halka inta kalana ay iska seexdaan. Halkaas ayey ahayd fursadda ugu weyn ee ay haysteen, waxay ku tashadeen inney salaanka deyrka saaraan oo ay deyrka ku koraan xagga kalana uga dhacaan dabadeed ay sidaas duurka ku galaan. Habeenkii ballanku ahaa ayey isu soo dhawaadeen iyagoo ag jiifsadey halkii salaanku yaallay agtiisa. Waxay mataleen sidii kuwo fiid seexanaaya oo anney kaba qasnayn, waxa ay ku seexdeen kabahii ay meesha ku soo galleen iyagoo aad u adkaystey kuna tallo galley baxsasho iyo orod faro badan.

Markii sanqadhu duntey ee ay arki waayeen wax dhaqaaqaaya ayey aad yar ka dhex kaceen salaankiina gidaarka deyrka ku tiiriyeen si ay ugu koraan. Saddex ciidanka ka mid ah oo hubaysan ayaa albaab aan aad uga fogayn fadhiya oo isku mashquulsan, dhammaan albabaada kale ee deyrkuna way wadda xidhnaayeen. Markii ay ku tiiriyeen ayaa waxa hor koray Kenadiid ilaa uu si bilaa sanqadh ah ku gaadhay dusha sare ee salaanka dabadeed waxaa ka soo daba koray Samaale si uu saaxiibkii u badhi taaro oo uu deyrka dushiisa u koro. Kenadiid muddo yar gudaheeda ayuu korka kaga istaagay seeskii sare ee deyrka. Markiiba waxuu eegay hoostiisa oo waxuu arkey in anney ilaalo joogin, dhulka ka hooseeyana burciid yahay oo aanu waxba yeelayn hadii uu ka shalwado. Samaale ayuu gacanta u fidiyey si uu u soo caawiyo oo isaguna figta sare ee deyrka u yimaado. Nasiib darro se gacantuu sidaas u soo qabtey iyo rasaasta wadda socota ee Samaale lugta kaga dhacdey ayuu Kenadiid ku war helay. Intii anney soo gaadhin tii lagu soo ganay ayuu deyrka dhinaciisa kale iska shubay oo beerka daray camuuddii ka hoosaysay, markiiba isa dhiganne cagaha ayuu wax ka deyey iyagiina way soo eryadeen oo cagta ayey cagta u saareen iyagoo qoryo degta ku sita. Waxay ahaayeen rag laxaad iyo quwad u dhashay oon orodka ku fiicnayn lakiin si halis ah u taba-baran. Waa saq dhexe meesha uu Kenadiid xulayaana waa keyn weyn oo baqdintu hadhaysey oo dabaysha caleemaha ruxaysaa kugu abuurayso cabsi aan xuduud lahayn, waxa se intaas oo dhan kaga daran raggan hubaysan ee sanqadha kabahoodu soo baxayso ee dareenka argagaxa wata abuuraaya.

Waxuu ordaba waxuu dareemay inuu tamar gabay oo aanu lahayna awood uu ku sii firdhan karo si uu raggaas uga baxsado. Siduu u rooraayey ayuu arkay god qarsoodi ah oo meel geed hoostii ah ku yaalla dabadeed waxuu markiiba go’aansadey inuu halkaas galo oo uu raggan eryanaaya kaga badbaado kuna nasto, haddana waxuu markiiba ka fikirey armuu bahalo galleen yahay godku. Ugu danbayn wuu galley waxbana kalamuu kulmin, wax aan dhammayn labba daqiiqo kolkuu ku jirey ayey soo dul mareen iyagoo rooraaya oo qoryahoodii sita. Waa saddexdii nin ee fadhiyey albaabka dhaawacayna saaxiibkii Samaale.

Waxoogaa goortii ay maqnaayeen ayey soo laabteen saddexdoodiiba iyagoo faro madhan, waxay mar kale soo dul mareen godkii uu Kenadiid ku dhuumanaayey iyagoo isku lahaa waaggu markuu baryo ayeynu raadkiisa raacaynaa oo soo qaban doonnaa. Markii ay ka libdheen ee ay dhaafeen ayuu godkii ka soo baxay dabadeed waxuu aad uga baqay meeshan madow haddana waxaa kala weynayd cabsida ka haysey inuu waaggu halkaas ugu baryo oo ay helaan raggii uu ka soo firdhadey. Waxuu soo guureeyaba oo uu ka baydho meel kasta oo uu ku tuhmaayey magafayaal kale goor waagga barigiisii ku dhow ayuu ku soo dhawaadey magaalo iftiinkeed, ma garanaayo meel ay tahay waxuu se mala-awaalkiisa saartay inuu Suudaan hadda soo gaadhey. Wuu socdey oo magaaladii ayuu soo dhex galay dabadeed Soomaali meel degan ayuu nasiibku ku soo hagaajiyey oo uu u soo galay.

Markii ay arkeen sida darayadu korkiisa uga muuqato ayey caawiyeen oo siiyeen meel uu ku maydho, wax uu cunno iyo meel uu seexdo oo muddo ku nasto. Kolkii uu soo Kacey ayey damceen inney waraystaan isaguna waxuu naftiisa go’aan kula gaadhay in aanu waxba u sheegin ee uu kaga baxo uun in uu magaalada joogay maalmo cidna aanu ka garanayn kana soo lumay asxaab badan oo uu la socdey iyo meeshii doonta laga raacaayey. Waxuu sidoo kale ka codsadey inney mobil u dhiibaan uu ka garaaco qaar ka id ah ehelladiisii, wayna ka ogolaadeen. Markiiba Hooyadii ayuu la soo Hadley isagoo ugu bushaaraynaaya inuu ka soo firdhadey meeshii lagu haystay ee lacagta badan lagaga doonaayey haddana xaaladdiisu fiican tahay oo uu dhex joogo waddanka Suudaan, waxuu sidoo kale u sheegay inuu goor dhow taggi doonno goobtii doonta laga raacaayey ragga joogana uu wakhti la qaato si uu dantiisa uga fushado. Farxada ayey ilmaysey Hooyadii madaama inankeedii caafimaad qabo oo Alle swt ka soo furdaamiyey raggii haystay.

Reerkii uu maalintaas la joogay nin ka mid ah ayaa kaxeeyey oo geeyey halkii doomaha tahriibayaashu ka baxayeen, markii uu tusay wuu iskaga soo noqdey waxaanu raggii doomaha raraayey waydiiyey lacagta ay halkan tahriibayaasha kaga qaadaan si ay u saaraan doomahaas yaryar ee dadka lagu daad gureeyo, way u sheegeen dabadeed mar labaad lacagtii inuu Hooyadii waydiiyo way u cuntami waydey. Inkasta oo ay tii hore in badan ka yar tahay haddana waxuu oggaa jeebka Hooyadii waxa ku jira iyo in ay dhib ku noqonayso helitaanka lacagtaasi. Markiiba go’aan kale ayuu gaadhay madaama uu luuqaddii si fiicna u garanaayo kaas oo ahaa inuu mudo halkaas ku qaato si uu ula heshiiyo dadka jooga goobtaas.

Waxuu la joogay mudo labba billood ku dhow isagoo si bilaash ah xooggiisa ugu shaqayn jiray, hadday noqoto inuu u kala turjumo Soomaalida iyo Suudaaniyiinta, inuu u soo iibiyo shaaha iyo hadba waxii kale ee ay magaalada uga baahdaan, u qoro oo u tiro kobo tirada hadba doomaha raacaysa. Ugu danbayn waxuu kasbadey qalbigooda illaa uu ka dhaadhiciyey inney si bilaash ah doonta ku saaraan oo u tahriibiyaan. Waxay ku xidheen lacag yar oo aan shan boqol oo dollar dhammayn oo ay siiyaan mukhalaska doonta uu raacaayo wadda, intaasna Hooyadii ayaa usoo dirtay.

Waxuu raacay doontii isagoo markasta Alle swt ugu mahad celinaayey siduu uga soo badbaadiyey jidkii halaagga ee dhibta badnaa, waxuu sidoo kale Alle waydiisanaayey inuu ku nabad yeelo doontaas yare e uu raacay ee biyaha dul sabaynaysa. Mudo laba habeen iyo maalin ku siman ayey biyaha guudkooda dul socdeen iyagoo wadnaha farta ku haya. Markii ay usoo ddhawaadeen xuduudda waddanka Jarmalka ayey si kadis ah u arkeen doon kale oo tooda ay wataan ka yar kanna xamuul badan oo janjeedhsatay kuna dhow inney qalibanto. Wax ka yar shan daqiiqo ayey dhinaca kale isu rogtay oo dadkii saarnaa dhammaantood ay biyahii cuskadeen, markiiba qaylada ayaa yeedhay oo I badbaadiya ayey isku dareen lakiin maciin ma jiro aan Illahay ka ahayn iyo biyaha ay badhtama ugu jiraan ee dili doona hadii annu Alle ciidamadiisa u soo dirin.

Kenadiid iyo asxaabtii tirada badnayd ee doonta badbaadey saarnaa aad ayuu dareenkoodii isu badalay, waxay waxba u qaban kari waayeen dad badan oo diin, dub iyo dhaqanba ay wadaagaan oo hortooda biyo ku qarqamay kuna dhimanaaya iyagoo arkaaya. Dhacdadaas xanuunka badan gadaasheed waxay gaadheen goob xuduud ah oo ay doontii kaga dageen, waxaa markiiba gacanta ku dhigay dawladdii waddankaas ka talinaysey oo inta ay badankooda faro ka qaadeen xeryaha qaxoontiga ku guray. Nasiib wanaag Kenadiid ma ahayn dadkii farahaas laga qaadey ee wuu ka baxsadey oo magaalada ayuu galley. Qoysas Soomaali ah oo meel degen ayaa caawiyey oo uu ku ilbaxay intuu uu ku sugnaa. Tallaabo kasta oo uu qaado Hooyadii ayuu u sheegi jiray isagoo markasta xasuusinaayey inney u ducayso.

Mudo sannad ku dhow goortii uu joogay ee uu magaaladii si fiican u kala bartey ayuu raadiyey khad kale oo uu kaga baxo, ugu danbayna wuu ka baxay waxaanu ka soo jeedsadey waddanka Sweden oo uu helay dhalashadiisii markii uu in badan joogay. Hooyadii iyo reerkooda intiisa kale waxuu noqdey mid anfacay oo wax badan u qabtey. Xilliyada uu se ka sheekaynaayo jidkii halaagga iyo wadooyinkii khatarta ahaa ee uu u badheedhay isma odhanaysid wuu noolanaya iyo dib ayuu adduunka u sii joogi doonaa midna. Waad qiiroonaysa oo qalbiga waxaa kaaga abuurmaaya dareen ku odhanaaya ha ka tagin dhulkaaga Hooyo si aad uga badbaadid khataraha ku gaddaaman tahriibta.

Warsan

1

Waris iyo Warmooge waxay ku heshiiyeen inney nolosha wadaagaan oo dhib iyo dheefba wada qaybsadaan, wada qaddaan ama wada dhargaan intey ku gudo jiraan nolosha sugaysa ee ay ku heshiiyeen lamaanahani. Xaladda waddanku ku sugnaa xilligaas iyo duruufaha nololeed ee ku gaddaamani waxay ahayd mid aan u saamaxayn inney wada qaataan nolol badhaadhe iyo sareedo leh, lakiin Alle Swt ayey talo saarteen iyagoo waydiisanaaya inuu ugu gargaaro kuna garab galo waxii khayr ah ee ay u socdaan oo ah dhamaystirka nolosha ay hada ku nool yahiin oo ay is guursadaan si ay uga mid noqdaan qoysaska islaamka ah ee adduunka ku firidhsan. Waris iyo Warmooge labaduba waxay ka dhasheen reero aan sidaasi xoolo buurran u haysan, oo waxaa sameeyey duruufaha waddanku ku jiro oo xilligaasi ay ahayd wakhti dagaal sokeeye laga soo noqday xaladda lagu sugan yahayna ahayd mid dhibteeda iyo maal la’aanteedaba wadata, hadana kamay niyad jabin ee waxay ku kalsoonayeen is dorashadooda iyo reeraha ay ka dhasheen oo ay hubeen in anney hor istaagayn heshiiskooda guur.

Warmooge u yimi reerkii inantu ka dhalatay sida caadada iyo dhaqanka soomaliyeed ahaan jirayna usoo geed fadhiisay Waris, waxii uu xoolo xiligaasi isku tuhmaayey ee uu reerka inantu ka dhalatay ugu tallo gallayna farta ka saar oo sii, gudoon wacan iyo gacan qaad ka danbee inantiina loo hibee. Maalintaasi waxay ahayd maalin uga duwan maalmaha kale lamaanahan madaama oo ay nolosha ku midoobeen reerna yagleeleen oo dhisteen Alle-na u rumeeyey rajadoodii ahayd inney isu xalaalloobaan oo darmo qudha ku wadda laddaan. Waxuu midba dhinaciisa ula yuruuraa farxadda qoysnimo iyo dareenka rasmiga ah ee qalbigiisa u shidaaya sidii dab la ololliyey. Muddo ka dib aqal galle oo reer dhisan oo meel loogu soo hagaago leh ayey noqdeen. Waa reer ku faraxsan nolosha qoysnimo ee ay ku midoobeen, lama qiyaasi karo farxadda iyo raynraynta laga akhrisan karo wajigooda iyaguna ay quluubta iyo qalbiga ka dareemayaan. Cawa waxay ka gudbeen xaaladda dhalinyarnimo waxayna isu diyarinayaan inney noqdaan Aabbo iyo Hooyo lagu daydo oo nolosha inta karaankooda ah la jihaada si ay ugu halgamaan nolosha ay diyaarka u yahiin inney wada qataan. Nolosha qoysnimo ee ay ku nool yahiin waa mid iska adag, hadana waa kuwo ku faraxsan waxkasta oo kala soo darsa nolosha iyo waxii hareeraheeda ahaadayba. Waxay sidaasi ahaataba oo Waris iyo Warmooge noloshoodu iska adkaataba hada waxa noloshooda saddexayn doona ilmo Alle Swt ku arzaaqay oo ay hadda ogaatay Maama Waris.

Waxay dareentay oo ogaatay inney xaamilo noqotay oo Alle dhexdooda ubad ka beeray wali se ma ogga Aabbo Warmooge. Cawa waa habeen kale oo farxaddeed waxay u sheegtay Warmooge inney xaamilo tahay oo noloshooda ilmo ku sii biiri doono dhawaan, waa war ay sugaayeen dhagahiisa, qalbigiisa iyo quluubtiisuba aadna ugu farxeen, waxuu xaaskiisii Waris siiyey waano isagoo leh ” Wariseey is ilaali oo naftaada ogow wax ku dhibayana haysku dayin qabashadiisa”, dhinaca Kale waxuu raaciyey mahad celin Alle uu u maad celinaayo isagoo ku tirabaaya “Allow adigaa mahad oo dhami kuu sugnaatay madaama oo aad qoyskayagii balaadhisay ilmo-na nagu arsaaqday oo na tarmisay Alxamdulillah.”

Waxay ahaayeen Hooyo iyo Aabbe ku sugnaa farxad iyo raynrayn oo sugayey ilmahoodii currad iyo ubaxii uu Alle ka abuuray jiidhkooda, lama qiyaasi karo farxada ka muuqata cawa qoyskani waana mabsuud oo way isku faraxsan yahiin iyagoo isu diyaarinaaya sidii ay u noqon lahayeen waalid ka soo baxa kaalintooda oo xanaaneeya ubadka Alle ka dhex abuuray.

Waxuu wakhtigu is guraba oo maalinba maalin usii dhiibto habeenba habeen ugu xigo Alle Swt waxuu ifka keenay inantoodii currad oo ay Warsan ugu wanqaleen, hadda waa saddex qof oo qoys tarmay ayey noqdeen wallow noloshoodu wali u adag tahay sidaynu hore usoo sheegnay . Warsan waxay la kowsatay xaalad iyo duruufo adag oo nololeed inkastoo waalidkeedu u dadaali jireen oo ilaa waxa ay hayaan iyadu ka dharagto anney iyagu cuni jirin. Warsan waxa ka daba dhashay Warfaa iyo carruuro kale oo dhawr ah oo iyaguna la koray oo la kowsaday noloshooda oo wali adag oon wax hantiya oo la tabtaa anney xilligaasi u kordhin.

Iyada oo ay sidaasi tahay Aabbo Warmooge waxuu awoodi waayey inuu si joogto ah usoo helo quutal daruurigii ay reerkiisu ku noolaan lahayeen, iyada oo sidaasi tahay maalmaha qaar waxa laga yabaa in aan dabkaa loo shidin oo carruurtu gaajo darteed oohinta isku daraan ileen iyagu waa carruuroo waa la waayey garan maayaane ilaa xaafaddaha jaarku u keeni jireen waxay cunaan oo ay ku nooladaan. Warsan waxay garaadaysatey iyadoo reerkoodu ay durufahaas adag ku nool yahiin oo ay adag tahayba siday maalintaas waxay cunaan ay u heli lahayeenba.

Warsan waa inan yar oo da’deedu ma wayna lakiin caqliga iyo maskaxda saaran waxuun baa qiyaasi kara Alle swt, maaha mid uu bini’adam suurayn karo marka laysu eego intey jirtay iyo miisaankeeda. Wakhtigan da’deedu waa Toddoba Sanno sida muuqata se labaatan jir ka caqli badan oo xilligani Hooyadeed Waris waxay ka kafaalo qaadatay hawlahii guriga in badan oo ka mid ah. Waagan iyo maalmahanba waxay Warsan waalidkeedu isku taxaluujinayeen sidey inantooda currad iyo walaalkeed Warfaa oo ka yaraaba ay waxbarasho ugu heli lahayeen si ay barito u anfacaan oo u helaan tacabkay maanta gashadaan. Waa run oo way muuqatay in xaladdooda nololeed ay wali cakiran tahay oo adag tahay lakiin waxaa maankooda ku wayn sidii ay caruurtooda yar yar wax u bari lahayeen oo u soo saari lahayeen wax kasta oo ay ku qaadataba.

Hooyo Waris waxay subaxan u baqooshay malcaamad Quraan aan sidaasi uga sii fogayn hoyga ay ku nool yahiin si ay macalinka ugala hadasho wax dhigashada labadan carruura. Malcaamadda waxa jooga macalin Warsame oo isagu ah macalinka isagu udhiga ardayda Quraanka sidoo kale ah assaasaha malcaamaddaas. Hooyo Waris waxay kulan aan dheerayn la qaadatay Macalin Warsame iyadoo u bandhigtay duruufaha noloshooda hadheeyey iyo siday u jeceshahay inay carruurteedu wax u bartaan. Macalinkaasi maalintaas aad buu uga qiirooday waxuuna u muujiyey naxariis isagoo ay maankiisa buux dhaafisay oo uu aad uga fikiraayey Hooyada sidan carruurteeda ugu dedaalaysa tolow hadii darafkeeda in uun wax adduun ahi ku jiri lahayeen heerkay ubadkeedan yar-yar gaadhsiin lahayd.

Warsame (macalinkii malcamadda) waxuu Hooyo Waris ka aqbalay codsigeedii waliba si bilaa shuruuda isagoon wax adduun ah ka rabin ayaa waxuu u sheegay inney aroorta keento malcamadda labaddeeda caruura si uu Quraanka ugu dhigo. Waris waxay aad ugu faraxday war celinta naxariistu ku dheehan tahay iyo qalbi wanaagiisa uu kaga aqbalay codsigeedii. U mahad celisay macalinkii waxayna qalbiga ugu qaboojisay inney mar uun carruurteedaasi guddi doonto abaalka aad u gashay ee ah inaad ka soo saartay dariiqii madoobaa ee nolosha kaga sugnayeen una soo saaray banaan cad oo cilmi yaallo. Dhanka kale waxay mahad oo dhan u celisay Alle Swt oo ay in badan ka bariday inuu umaddiisa u sakhiro, maantana uu ducadeedii aqbalay oo ajiibay. Waxay ka soo laabatay malcamaddii iyadoo aad u faraxsan, waxayna gudo gashay sidii ay u qalabayn lahayd Warsan iyo Warfaa uguba diyaar garayn lahayd waxay u baahan yahiin oo dhan sida buugaagtii ay wax ku dhiggan lahayeen.

Ku guulaysatay inney dhamays tirto carruurteeda una diyaariso waxbarashadoodii u horaysay. Dhanka kale Warsan iyo walaalkeedii yaraa waxay aad ula dhacsanayeen inney tagaan meel carruur iyaga oo kale ahi joogto, si ay wax usoo dhigtaan oo sida qayrkood intey buug iyo qalin qataan tagaan goobaha waxbarasho, sida caadiga ah waa maalin labadan carruura ee walaalaha ah (Warsan iyo Warfaa) uga duwan maalmaha kale madaama oo ay maanta bilaabeen waxbarasho. Warsan hadii ay garaad wacan oo ay ku garato lahaan lahayd inney maalintaas taariikhda qorto way qori lahayd si ay xasuus ugu noqoto maalmaha soo socda oo ay u tixraacdo maalintii u horaysay ee ay buug qaadato. Ma se jirin wakhtigaas caqli buuxa oo waxyaabaha qaar ay ku xasuusato si ay nolosheeda buug ugu samayso u noqda tixraac iyo marjac ay dib ugu noqoto xilliyada qaar.

Carruurtu marka ay yaryar yahiin waa kuwo ku sifooba xilliga waxbarashadooda koowaad inney ku ciyaaraan buugta loo dhiibo oo wakhtigooda ku bixiyaan inney carruurta ay isku da’ yahiin iskala ciyaraan. Dhammaan dhaqannadaasi may ahayn kuwo ay Warsan yar ku sifowday, waa gabadh yar oo caqli iyo maskaxda saarani ay yihiin kuwo ay qayrkeed ku dhaaftay, waa ilmo yar oo qofkii arkaa ama u fiirsadaa dhaqannadeeda uu moodaayo inney tahay qof wayn oo hoos ubax ah, waa mid ay hooyadeed markasta Alle ugu xamdi naqdo inuu Warsan siiyey oo ay tahay mid da’deedu ka wayn.

Warsan dhigatey waxbarashadeedii muddo markii ay ku jirtay ku dhow sannad ayey noqotay xiddig ka dhex iftiintay malcamadda ay dhiganaysay, waxay ahayd mid aan waxbarashada cidi ku gaadhin intii markaas ay isku midka ahayeen. Waxay dhigataa Quraanka oo aan maalin lagu soo celin. Wakhtigu waxuu socdaba Quraankii waxay ka gaadhey meel sare mudo sannad iyo badh ah. Haatan Hooyo Waris waxay ku rajo wayn tahay inney inanteeda dugsi gayso si ay waxbarashadeeda meel sare uga gaadho. Warsan iyo Warfaa oo ah walaalkeedii ka yaraaba waxay gaysay dugsi hoose dhexe oo magaalada ku yaallay, waxay u waayo sheegatay maamulahii dugsigaas iyadoo ka codsanaysa inuu mid ahaan ka daayo bisha dugsiga madaama oo anney lahayn awood ay ku wadda bixiso.

Maamulahii dugsigu ka aqbal Hooyo Waris in labada carruura midkood ka daayo qarashka bisha ee ardayda laga qaaddo, carruurtiina sidaasey dugsigii ku galleen iyadoo fasalka labaad ay fadhiisatay Warsan ka dib markii imtixaan laga qaaday kuna guulaysatey. Warsan yar dhigatey dugsigii sidii caadada u ahaydna dadaashay waxayna noqotay mid waalidkeed, macalimiintedii wax udhigaayey iyo dugsigiiba sharaftooda kor uqaaday oo magaceeda ay hadhsadeen Hada waxay noqotay gashaanti da’deedu waa 15 jir qofkii arkaa uu isku qabanaayo oo is odhanaayo tani waa xuural cayntii adduunka mise tolow waa tii janada oo adiga uun lagu tusay. Hada waxay dhammaysatey dugsigii hoose dhexe iyadoo gashay kaalmaha ugu sareeya ee wadanka oo dhan, waxayna kor uqaaday sumcaddeedii tii waalidkeed iyo tii dugsiga ay ka soo baxdayba.

Warsan waxay ku baraarugsan tahay xaladda ay wali reerkoodu ku nool yahiin ee aan wali sidii hore wax badan dhaamin iyo duruufaha ka jira gurigooda dhexdiisa ee looga fadhiyo inney wax ka badasho iyada iyo walaalkedii yaraa ee Wargaa. Waxay bilaash ku heshay dhigashada dugsiga sare waxayna gashay oo bilowday iyadoo sii wadata waxbarashadeedii, sannad markii ay dhiganaysey ayaa waxaa isna dugsigii ka baxay walaalkeed Warfaa Oo sannad ka hooseyey. Warfaa wuu iska diiday inuu waxbarashadii sii wato waxuuna ka door bidday inuu shaqaysto si uu reerkooda udabaro, waxaanu shaqo ka helay bakhaar uu lahaa nin ay Aabbahii ilmadeer yahiin oo adeer ugu toosan. Warfaa yare waxuu shaqo ka helay bakhaar adeerkii lahaa, da’ ahaan aad buu u yar yahay hadana waa go’aan adag midkaa uu qaatay ee uu rabo inuu ugu hiiliyo nolosha reerkooda waana nin iyo caadadiiye, shaqaysay oo isagoo da’daas ah ka adkaa quutal daruurigii aasaasiga ahaa ee reerkoodu quudan lahaayeen, isaguna si fiican ayuu uga soo baxay hawshii bakhaarkaas uu ka hayey.

2

Warsan waxaa u dilaacay indhahii lagu yaqaanay inan gashaanti ah ee ay aasaageed ku dhex gali lahayd, iyadu waa gabadh yar oo dhawrsan misana anney gurigooda iyo waxbarashadeeda waxba uga dhaxaynin. Waxay yeelatay asxaab ay dhammaantood isku barteen dugsiga lakiin dadka dushay walaalo ka ahayeen Nimco ayey se saxiibo aad isugu dhow noqdeen. Nimco lafteedu waxay astaamo badan wadagaan Warsan sida degenaanta, dhawrsanaanta iyo astaamo kale oo badanba waana sababta ay Warsan isku lugta u noqdeen ee ay u saaxiibeen. Labadooduba waxay ahayeen kuwo ku suntan akhlaaq wanaag ardaydana sida shamaca uga dhex ifa oo ka dhex muuqda, waxay lahayeen jadwal nololeed ay raacaan oo noloshooda ku maareeyaan Sida waxbarashada oo kale iyo dhaqamada kale ee fiicanba, intaasi waxa udheerayd inney jaar iyo ood wadaag ay ahayeen oo ay ahayeen saxiibo isku xaafad ah isuna muuqda.

Waxay sidaasi ahaataba Warsan waxay ka guureen gurigii ay ku jireen wallow anney sidaasi uga sii foggaan xaafaddii ay degenaayeen, hadana waxay daris la noqdeen jaar cusub iyo dad badan oo anney hore isu aqoonin hada se ay ugu horayso. Way la qabsadeen jaarkoodii cusbaa waayo markii hore’ba Warsan iyo reerkoodu waxay ahayeen kuwo dun wanaag u dhashay oo aan dadka dhibin cidina anney ka ashkatoon. Warsan dariskooda cusub waxa ah ama degen Reer faarax waana qoys balaadhan oo hablo iyo inamaba ka kooban Hooyadii iyo Aabbahii dhalayna dhex joogaan. Liibaan waa curradka reer Faarax, waa arday jamacaddeed oo sannadkaas ka baxaayey jamacadda, waxuu baryahaaba sheedda kala socday heegadan inteeda ka roon ee rabi u dhammays tiray qurux middii dumarka lagu suurayn jiray.

Liibaan waa wiil joog iyo jamaal isba Alle Swt udhaliyey oo dhalinta qayrkii ah laga soocan dhaqan wanaag iyo waalid adeecnimo. Waxa damac wayni ka galay Warsan oo deriskooda cusub ah, waxuu bidhaansan jiray xilliyada ay dibada u soo baxdo isagoo aad ugu faraxsan muuqeeda, iyadu se warba uma hayso in dusha laga ilashanayo oo lagu hamiyaayo waligeedna nin afka umay kala qaadin hadalna ma dhex marin sas ayey ka qabtaaba oo la hadalkooda ceeb ayey u haysataa. Liibaan ma garanaayo xilliga kashiisa dareenka intan leegi ku abuurmay, waxuun buu isu haystaa inuu yahay qof matalaaya waali oo suuraysanaaya waxaan suurtogal ahayn, waxu sidaasi ahaadaba waxuu isku dayey inuu Warsan macluumaad dheeri ah ka soo helo nolosheeda iyo siday isku yahiin la hadalka ragga, dugsigay dhigato, halkay kamarayso iyo waxyaabo kale oo badan.

Waxaa ku adkaatay siduu ula hadli lahaa waayo mabay jirin fursad uu kula hadlaa oo umay banaanayn, waayo qofka marka aad meel uun ku kulamaysaan ayaad hadal gaadhsiin kartaa lakiin iyada waxba ugamay dhaxayn gurigooda iyo waxbarashadeeda dibadna waxaaba u ahayd intay wax soo dhiganayso. Nasiib wanaag se liibaan waxuu ogaaday in ay Nimco saxiib dhaw ay yahiin, Nimco aqoon dheraad ah uma lahayn Liibaan laakiin waxuu u yaqaanay oo uu ku bartay inay Liibaan saaxiibo ahayeen Nimco walaalkeed ka wayn ee Maxamed, sidaasi darteed Liibaan marar qaarkood saaxiibkii ayuu gurigooda ugu tagi jiray halkaas oo uu Nimco ku arki jiray. Fursad buu u arkaa uu Warsan ugu dhawaan karo inuu Nimco aqoon aan sidaasi u durugsanayn u leeyahay. Liibaan waxuu qorsheeyey sidii uu Nimco ula hadli lahaa si ay ugu noqoto dhabo ama dariiq uu usii maro Warsan. Waa mid kamid ah maalmaha Alle abuuray waa se maalin uu jaanis u helay Nimco iyo la kulankeeda oo uu aaminsanaa inney u noqon karto waddada kaliya ee uu Warsan oo uu caashaqay ku gaadhi karo, waxay isugu soo galeen mid ka mid ah dukaamada xaafadda ku yaala oo ay labadooduba muraad u lahayeen.

Salaan iyo is xog waraysi kooban ka dib waxuu toos u gudo gallay ujeeddadii uu ka laha Nimco ee ku saabsanayd helitaanka Warsan, isagoo ay daba socdaan su’aalo kooban oo uu ku rabo helitaanka dabeecadeeda iyo dhaqankeedaba. Waxayna dhammaan uga sheegtay Warsan war fiican oo uu ku farxay misana u noqday shidaal uu xaggeed ugu dhaqaaqo. Waxa ugu wayn ee walaac galiyey waxuu ahaa maalintaas inney Nimco ku wargalisay in anney waligeed nin afkeeda u kala furin kana helin la hadalkooda iyo dhexgalkoodaba, taas oo uu uga cabsanayey inney ku gacan saydho codsiga uu wato iyo ka helitaanka uu ka helayba. Waxay se nasiib wanaag ah inney Nimco ugu hal celisay inney hawshiisa gali doonto oo saxiibaddeed ku qanci doonto la socodka ama xidhiidhka rasmiga ah ee uu u gol leeyahay Liibaan.

Saaka waa subax Sabti ah waa subax ka duwan maalmahii hore marka laga eego dhanka Warsan. Waxaa sidii caaddada ahayd la yimi dugsigii si ay uqaataan xiisaddahii maalintaas jadwalka fasalka ku yaalley, Nimco iyana waxay timi fasalkii waxayna so ag fadhiisatay saaxiibadeed Warsan, la qaaday fasalka intiisii hore waxa loo soo baxay nususaacahii. Nimco waxay u aragtay fursad inney saaxibaddeed u heshay ay kaga dhaadhiciso dhanbaalkii Liibaan u soo dhiibay ee ahaa helitaanka Warsan iyo inuu dareen xaqiiq ah u qaadday.

Nimco waxay guddo gashay hadaladii ay kala kulantay Liibaan iyo sida uu ugu han wayn yahay iyada, waxayna ka codsatey Warsan inney la qabato ama ka aqbasho Codsigiisa si uu isna ugu farxo idinkuna u noqotaan kuwo ku guulaystay dareenkooda. Warsan aadbey ula yaabtay saaxiibaddeed iyo codsigan xasaasiga ah ee ay ka codsanayso, waxayna hadal ugu soo gaabisay “hadii uu Warsan doon yahay maxuu iigu soo badheedhi waayey ee uu adiga kaa soo doonay?”

Waa hadal qariib ku noqday Nimco waayo kamay filanayn inney su’aashaas waydiiso dhanka kale waxay u aragtay inney wali wakhti haysato ay wax kaga dhaadhicin karto oo ay dhawdahay, waxayna aad yar ugu jawaabtay “waxuu waayey fursad uu kugula hadlo waayo adigaa maxjabad iska ah saxiib.”

Warsan way ka aqbashay Nimco inney la kulanto Liibaan si ay iyagu isu af gartaan oo u heshiiyaan ama u kala taggaan, waxayna ku kala tageen hawraarsan iyo waayahay ee u yeedh waxuu la shir yimaaddo. Nimco aad bey ugu faraxday inney Warsan ka dhaadhiciso inuu Liibaan damac ka galay oo ay ku guulaysato qorshahedii ahaa inney dalabkii walaalkeed Liibaan uga yimi oofiso oo Warsan u keento. Waxay liibaan ku soo celisay inney Warsan ka dhaadhicisay dalabkisii ahaa inney isu keento si uu ugu murraad sheegto iyada, waxayna balamisay aroorta marka ay dugsiga ka soo baxaan iyada iyo Warsan inuu ugu yimaado meel aan sidaasi uga sii fogayn dugsiga ay dhigtaan.

Waa maalin ku wayn isaga waayo malo-awaalkii badnaa ee maskaxdiisa ku wareeggaayey ayaa u eeg inuu rumoobo oo uu hirgallo waana sida uu ku rajo wayn yahay Liibaan. Waxuu dhibsado wakhtiga dhaqaaqi la’ waxaa la gaadhay aamintii balantu ahayd ee ay kulmi lahayeen isaga iyo Warsan. Wuu tagay halkii balantu ahayd wakhtigii ay hablahu u qabteen wakhti ka horaysa ayuu isa sii xaadirriyey, wakhti yar ka dib ayey yimadeen Nimco iyo Warsan oo wada socda. Warsan maaha mid u baratey la hadalka iyo la sheekaysiga ragga midna lakiin maalintan indhahay isku qabatay oo hortagtay Liibaan si ay uga dhagaysato waxuu rabo inuu u sheego. Is horyimaade imikaba oo way wada joogaan Nimco ayaa se saddex ku ah oo ahayd isu keenahii labadan dhinac iyo saxiibada rasiga ah ee Warsan, Nimco ayaa hadalkii qaadatay si ay isu barto iyaga iyadoo leh.

Nimco. Saxiib Warsan wiilkani waa Liibaan waana wiilkaan kuu sheegayey ee iga codsaday inaan idin kulansiiyo, farxadna way ii tahay inaan isu kiin keenno oon ku guulaysto dalabkii walaalkay Liibaan.

Liibaan. Walaal Nimco waad mahadsan tahay marka hore, hadana waxaan jecelahay in anad naga tagin eed goob jooge ka ahaato aniga iyo Warsan waxaanu ku heshiinno. Walaal Warsan adna waad ku mahadsan tahay sidaad u ajiibtay dalabkaygii ahaa inaan kulanno oo hadallo is waydaarsanno aad baan marar kale oo badan kaaga mahad celinayaa, ujeeddada ugu wayn een kuu balamiyey waxay ahayd waan kaa helay waxanan doonayaa inaan xidhiidh rasmiya oo mustaqbal ku qotama kula dhiso oo wadaagno walaal si aan u noqonno laba nolosha ku midooba.

Warsan. Walaal Liibaan marka hore adigaa mudan, waan jecelahay inaan kaa aqbalo codsigaaga lakiin laba sababood labadaba suurtogal ua aha waa marka koowaad anigu sidaad igu helaysaa way adagtahay waa marka labaad’e waxaynu nahay walaalo jaar ah hadii laysku keen ogaadana waa laga qurux badan yahay oo xanta bini’adamku way gashaa meel kasta xataa dhinaca wanaagsan.

Liibaan. Warsan anigu labadaas sababood labadaba waan ka gudbi karaa, waxanad
ogataa waxa qalbigayga kuu jiifa ayaa ka badan oo ka miisaan wayn ee walaal si qurux badan iiga aqbal codsigayga. Midna aan kuugu daro’e ta helitaanka intaan ku arko ayaa igu filan wax kale oo dheeraad ahna kugu khasbi maayo hadaad raali iga tahay, ta kalena waligeedba waa lays calman jiray kuwo inteena isaga dhow ayaa laysa siiyaa oo wada noolaada xaafadda iyo jaarka aynu nahayna ma xukumi karaan dareenkeenna iyo waxaynu ku heshiino walaal.
Warsan. Wayey maxaa qorshe ah ee kuu laabban hadda? Si aynu u waaajahno heshiiskeenn.
Liibaan. Waxa ii laabbani waxuu yahay inaan noqonno kuwo laysku ogyahay oo nolosha sideeda u qaybsada si wacan oynu raali ka nahay labadeenuba, aniguna aan ku ilaaliyo inta awoodayda ah.

Warsan maalintaas way ka aqbashay codsigii Liibaan waxaad moodaa iyada laftigeeda in la beer qaaddey oo ay aad ugu qanacday Liibaan hab dhaqankiisa, hadaladiisa miisaaman iyo quruxdiisaba. Isaga hadaan dhankiisa eegno waxaa u rumoobay hawshii wakhti badan ka qaadatay waxaana ka kala yaraaddey xanuunkii kalgacal ee kaligii hayey madaama oo Warsan ay ka aqbashay codsigiisa ahaa inney la waddo dareenka jacayl ee uu iyada u qabo. Warsan lafteedu sidii hore maaha ileen imika dibada waa laga joogaaye waxay badashay habdhaqannadeedii si ay usoo jiidato Liibaan oo ay wacad la gashay misana u noqoto qof uu markasta ku qanacsan yahay.

Wakhtigu waxuu is guraba waxaa la gaadhay hab casriga cusub ee technology-yadu waddanka ku badatay Warsan waxay qaadatay telephone si ay xaalka Liibaan markasta uga warhayso isagaana ku baraarujiyey inney mobil doonato ay ka wada hadlaan oo midiba kan kale uu xaalkiiisa la socdo. Inantii Warsan qaadatay moobil gacmeed yar dee waaba taa hadh iyo habeen dhagta uun ku haysa, waxaa aad ula yaabtay Hooyadeed oo waxay qariib u qaadatay dhaqannadan cusub ee ay inanteedu la soo baxday hadda intey mobil gacmeedkan yar sidatay, waxay se aad ugu kalsoonayd inanteeda oo waxay ogayd wax anney raali ka ahayn in anney samayn doonin, sababtuna ay tahay in ay ahayd inan dhawrsan oon saxiib badan lahayn oo hagardaameeya ama socodkeeduba badnayn oo anney gurigaba ka bixi jirin illaa hawl loo diro ama waxbarasho ku fooggan tahay mooyee waana sababta u weyn ee ay Hooyadeed qalbigeeda ku hanatay.

Liibaan waxuu dhameeyey Degree u horeeyey ee jamacaddeed, iyana wali sanad baa uga hadhay dugsigii sare. Waxuu ka dalbaday guur waxay se ku xidhay ugu yaraan aan dhammeeyo dugsiga, ka aqbal se waxuu u sheegay inuu tagi doono waddanka dibadiiisa si uu u soo diyaariyo shahadadii labaad ee Master-ta. Waxay ahayeen kuwo isu calool xaadhan oo aan marnaba kala maarmin aadna isu jecel, waxa laga joogaa muddo sannad ah maalintii ay Warsan ka aqbashay codsigiisii. Waxa se hadda muuqata in ay kala foganayaan ugu yaraan laba sanno taasina waxay ku abuurtay walaac iyo walbahaar joogto ah Warsan iyo Liibaanba lakiin wuu ku calool adaygay iyagoo meel sii dhigtay wacad aad u adag, maalinka uu soo noqdana uu reerkooda waydiisan doono si loo siiyo iyaguna ay reer u noqdaan iyo laba qof oo nolo wadaag ah.

3

Saaka Liibaan waddankii ka jarmaad una kicitin waddan shisheeye oo ay duruufi gaysay, Warsanna waxay ku tashatay inney adkayso wacadkay la gashay Liibaan oo ah qofkii u horeeyey ee nolosheeda saamayn ku yeesha misana ay jeclaato oo u nuglaato.

Liibaan wuu la soo hadli jiray inta badan oo may kala maqnaan jirin, alladaha laga wada hadlo oo Facebook kow ka yahayna way kala hadli jirtay oo baryahaas internet-kaa la gali jiray ka dibna muddo la fadhiyi jiray oo lacag la bixin jiray waayo muu jirin mobil gacmeedkan hadda aynu isticmaalno ee smart phone la yidhaahdaa. Waxuu sidaasi ahaadaba waxa sii kordhay xiisahii iyo xamasaddii kalgacal ee ay isu qabeen Liibaan iyo Warsan iyadoy halkii u saraysay gaadhay.

Way jeceshahay isna jecel yahay oo annu cidna ku doorsanayn, waxa sii saameeyay oo aad usii taabtay Warsan sida ay u ilaalinayso wacadkii ka dhaxeeyey iyada iyo Liibaan. Waxay sidaasi ahaataba waxa soo dhawaaday wakhtigii uu Liibaan soo guryo noqon lahaa Warsan waxay isu diyaarinaysaa inney reer wada dhistaan Liibaan sidii balanku ahaa. Waxaa se ka soo dhexgalay oo laf dhuun gashay ku noqday markii Aabbaheed ku wargaliyey inuu inadeerkeed siinaayo oo waydiistay. Aad bey uga murugootay arinkaas isaga ah waxaa ku adkaatay sidii ay Liibaan ugu sheegi lahayd oo ay uga dhaadhicin lahayd arinkeeda, waxay Aabbaheed ku wargalisay in anney doonayn ama xili xadirkan diyaar u ahayn guur, ee ay rabto iney waxbarashadeeda sii wadato oo ay jaamacadda gasho, waa se ka diiday oo waxayba iska aaminsan yahiin odayaashii hore in anney inanta waxbarashadeedu sidaasiba usii waynayn oo faa’iido lahayn, ka dib Aabbaheed waxuuna u sheegay in uu siinaayo. Warsan dhulkiiba ku soo yaraaday waxayna u holatay in ay Liibaan u sheegto waxa dhacaaya isagoo wakhti xadirkaas usoo xidhxidhnaa inuu waddanka dib ugu soo noqdo. Usheegtay oo anfariir ku noqay Liibaan arinkii waxuuna go’aansadey inuu degdeg usoo baxo si uu uga soo gaadho intaanu guurkaas Warsan dhicin, iyadana waxuu ku wargaliyey inney xaga Hooyadeed ka wareegto oo ugu yaraan wakhti la siiyo ay arinkaas kaga fikirto oo ku gorfayso. Wayey ayey kaga timi iyo hawraarsan Liibaan maalintaas isna soo xidhxidhay degdegna uga soo bax waddankii uu u joogay waxbarashada si uu ugu soo guryo noqdo hoygiisii.

Warsan wakhti inney reerkoodu siiyaan ayey waydiisatay wayna ka ogoladeen mudo 15 ah aad bey u warwarsan tahay oo Aabbaheed waxuu rabaa inuu dhammaan burburiyo rajooyinkeedii ay dhisanaysay in badan lakiin isagu waxba ma ogga oo kama warqabo in inantiisu xanjo meel ugu dhajisan tahay waxuu yeeli lahaaba. Muddadii loo qabtay gudaheeda ayaa Liibaan soo guryo noqday Warsan waxaad modaa in qalbigeedu cabudhsan yahay cid ay wax usheegto oo ay ku dul oydana wayday, Liibaan se markuu yimi waxuu u noqday mee ay waxii gubaayaba kaga bogsato oo u sheegto xilligaas si ay iyana udegto oo cabudhintii qalbigeedu uga baxo. Markiiba waxuu reerkooda ku wargaliyey siday wax u jiraan iyo innuu Aabbahii ka kaco fadhiga oo Warsan u doonno reerkana u taggo inta anney muddadaasi dhammaanin ee uu wali wakhtiga haysto. Aabbo Faarax oo ah Liibaan Aabbahii waxuu go’aansadey sidii uu isagu u soo dhawayn lahaa labadan qalbi ee is doortay ama is jecel, dhanka kale Warsan hooyadeed waxay ku wargalisay siday wax u jiraan iyo waxa qalbigeeda ku jira iyo sida anney raallida uga ahayn guurka inaadeerkeedan lagu khasbaayo. Hooyo Waris waxay aad u jeceshahay inanteeda currad waxayna raali ka tahay waxay iyadu ku dagayso ee ay jeceshahay waxayna u ballan qaaddey sidii ay guurkaas uga joojin lahayd inta awooddeeda ah ee ay Aabbaheed ugala hadli lahayd waxay inantoodu raalida ka tahay, waxa isna ka hawl galley Walaalkeed Warfaa oo ahaa kii ka yaraa oo reerka nimco iyo badhaadhe soo gaadhsiiyey isla markaana xooggiisa u garaacay isagoo aad u yar, waxuuna garabka saaray oo la jiray walaashii iyo waxay raalida ka tahay.

Warfaa iyo Hooyo Waris ayaa ku kulmay Aabbo Warmooge si ay uga dhaadhiciyaan arinka jira iyo waliba in reer Faarax ku soo socdaan oo inanta ka rabaan, waxuu ku war galiyey Aabbo Warmooge in uu inankoodii u ballanqaaday oo yidhi waan ku siinayaa inantayda, waxaa maalin ka dib u yimi hadana Aabbo Faarax oo Warsan ka raba iyo inuu u ballan qaado xilliguu u iman lahaa. Wuu celiyey reerkii u yimi isagoo ka codsaday inney wakhti siiyaan isla markaana uu usheegay inuu inantiisa uu rabo inuu siiyo inaadeerkeed oo ka soo doontay. Aabbo Warmooge waxaa isu qaban waayey rabitaanka inantiisa uu jecelyahay iyo inankaas uu adeerka u yahay ee walaalkeed ah ee raba Warsan, waxuuna go’aan ku gaadhey inuu inantiisa kala hadlo arinkan iyana waxay u sheegtay inney Liibaan rabto guurkiisa oo ay wacad dhigteen muddo saddex sano ka hor ah, tallo way ku ciirtay Aabbaheed waxuu se u sheegay inuu teedda u raaci doono oo marnaba anuu ku qasbi doonin wax anney raalli ka ahayn inantiisu. Waxa yididiilo aad ah galiyey warka Aabbaheed ka soo baxay ee ah in anu niyad jabin doonin iyada waxayna warkaas farxadda leh ku wargalisay gacaliyahedii Liibaan.

Aabo Warmooge waxuu ku wargaliyey inankii uu adeerka u ahaa inuu ka dhamaysto Warsan hadii ay raali ka tahay uu siin doonno hadii kalena aanu khasbi doonin inantiisa, waxuuna isku dayey Warsan walaalkeedii rabey inuu Warsan ka dhammaysto guurkooda lakiin se way ku gacan saydhay iyadoo ku andacoonaysa walaalkay oo adeerkay ii dhalay ayaad tahay waxaan rabaa in aynaan walaaltinimadeenaas isu dhaafin diyaarna uma ihi guurka aad ii soo bandhigtey. Warsan halkaas waxaa kaga hadhay warwarkii badnaa ee ay ka qabtay inney waydo waxay niyada ku haysay ee ahaa inney nolol wadaag la noqoto Liibaan oo ay jeceshahay. Aabbo Warmoogana waxuu ka aqballay codsigoodii ay wateen ilma Faarax ee ahaa in Warsan la siiyo isagoo tixgalinaaya rabitaanka inantiisa iyo inuu dhismo guri lagu unkay raalli ahaansho iyo jacayl.

Maanta waa maalin farxad leh xaggooda waayo waxaa u rumoobay riyadoodii iyo rajooyinkii ay lahayeen ee ahaa inney noqdaan qoys faraxsan oo wadda nool. Noqde reer meel loogu soo hagaage leh oo is jecel noloshana si wacan oo qurux badan u wadda qaybsada. Waxay ku bahoobeen nolol ay iyagu doorteen dabadeed waxaa jadwal iyo raad ay raacaan u yeelleen dariiq kasta oo ay wadda mari doonaan mustaqbalka. Muddo sannad ku siman markii ay wadda noolaayeen ayuu Alle Swt ku arsaaqay wiilkoodii currad ooo Warsame ay u bixisay iyadoo ugu magac dartey macalinkeedii Quraanka oo ka mid ahaa dadka aad nolosheedda saamaynta ugu yeeshay madaama oo mugdi uga gargaaray horseedna u ahaa inney timaaddo barxad iftiin badan oo cilmi iyo aqooni taallo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *