Bangiyada Islaamka

BANGIYADA ISLAAMKA
Albaabka maalgelimaha xalaasha ah

Saciid Cali Shire

Buuh Publications

Buuh Consulting LTD Leicester, UK
e: saidshire@buuh.net
w: www.buuh.net
First published in Great Britain in 2011
Copyright © Saciid Cali Shire 2011

All rights reserved. No part of this book may be reproduced, stored in a retrieval system, or transmitted, in any form or by any means, electronic, mechanical, photocopying, recording, or otherwise, without the prior permission of Saciid Cali Shire or Buuh Publications.

Daabacaaddii koowaad, UK, 2011
Xuquuqda oo dhan way dhawran tahay. Buuggaan ama qayb ka mid ah lama daabici karo, lama duubi karo, nuqullo lagama samayn karo, lama turjuman karo, sina dib looguma soo saari karo iyadoon idan laga qaadan Saciid Cali Shire ama Buuh Publications.

ISBN 978-0-9559426-2-4

British Library Catalouging-in-publication Data
A catalogue record of this book is available from the British Library

Cover design: Subeyr Shire

Buuggaan waxaan u hibeeyey waalidkay Aabbe Cali Shire (Eebbe ha u naxariisto,
Firdowsana ha ka waraabiyo) iyo Hooyo Faadumo Cali Farax. Waxaan leeyahay: “Eebow ugu naxariiso si ka fiican siday iigu naxariisan jireen markii aan yaraa.”

Tusmada Buugga
Mahadcelin
Gogoldhig
Hordhac
Afeef

Qaybta laad
BANGIYADA ISLAAMKA: GUUDMAR
BANGIYADA ISLAAMKA
Bangiyada Islaamka: Milicsi Taariikheed
Maraaxishii ay Soo Mareen Bangiyada Islaamku
Waxyaabaha Hortaagan Bangiyada Islaamka
Eedaha Loo Soo Jeediyo Bangiyada Islaamka
Mustaqbalka Bangiyada Islaamka
Kala Duwanaanshaha Bangiyada Islaamka iyo Kuwa Ribada
Soomaalida iyo Bangiyada Islaamka
Bangiyada Islaamka iyo Muuqaalka Caalamka
Bariga Dhexe iyo Bangiyada Islaamka
Koonfurta Aasiya iyo Bangiyada Islaamka
Koonfur-Bari Aasiya iyo Bangiyada Islaamka
Afrika iyo Bangiyada Islaamka
Yurub, Waqooyiga Maraykanka iyo Ustaraalia
Boqortooyada Ingiriiska (UK)
Faransiiska
Jarmalka
Waddammada Kale
Maraykanka (USA)
Ustaraaliya
Bangiyada Islaamka iyo Jaahwareerka Dhaqaalaha
Maxaa Keena Jaahwareerka Dhaqaale
Jaahwareerkii Dhaqaale ee 2007-dii
Bangiyada Islaamka iyo Jaahwareerka Dhaqaale
Dhaqaalaha Islaamka
Hiraalka Dhaqaalaha
Nidaamka Dhaqaale ee Galbeedka
Dhaqaallaha Islaamka: Milicsi Taariikheed
Kala Duwanaanshaha Nidaamka Islaamka iyo kan Gaalada
Horumarka iyo Mustaqbalka Dhaqaalaha Islaamka

Qaybta 2aad
TIIRARKA NIDAAMKA MAALIYADEED EE ISLAAMKA
Caqdiga
Caqdiga
Tiirarka Caqdiga
Noocyada Caqdiyada
Beyca
Shuruudaha Beyca
Noocyada Beyca
Anshaxa Beyca
Ribada, Qararka iyo Khammaarka
Ribada
Noocyada Ribada
Soo Noolaanshaha Ribada
Muuqaallada iyo Albaabbada Ribada
Ribada Daynta
Ribada Xisaabaadka Bangiyada
Kaararka Deymuha (Credit Cards)
Dahabka Haftada Lagu Gato
Qararka
Noocyada Qararka
Maysirka iyo Khammaarka
Culimada la Talisa Hey’adaha Maaliyadda Islaamka
Soo If-baxii Culimada la Talisa Bangiyada Islaamka
Muuqaalka Culimada la Talin Karta Hey’adaha Islaamiga ah
Hawlaha Guddiga Culimada
Magacaabista Guddiga Culimada
Xal u Raadinta Arrimaha Ugubka ah

Qaybta 3aad
SIDEE U SHAQEEYAAN BANGIYADA ISLAAMKU?
Sidee u Shaqeeyaan Bangiyada Islaamku?
Isu Keenista Labada Dhinac
Faa’iidooyinka Bangiyada Islaamka
Xisaabaadka Bangiyada Islaamka
Xisaabta Furan (current account)
Xisaabta Xiran (savings account)
Waadiyah
Mudaaraba
Qarad-Xasan
Xisaab Maalgelin (Investment Account)
Adeegyada Kale
Hawlaha Bangiyada Islaamka
Kala Xulashada Aaladaha iyo Tuulalka Bangiyada Islaamka
Bangiyada Maalgelimaha ee Islaamka
Nidaamyada ku Salaysan Wax Isku Darsiga (Equity Based)
Mushaarakah
Shuruucda Mushaarakada
Mudaarabah
Kala Duwanaanshaha Mudaarabada iyo Mushaarakada
Noocyada Mudaarabada
Soo Af-jarista Mudaarabada
Isku Darista Mushaarakada iyo Mudaarabada
Isticmaalka Mushaarakada iyo Mudaarabada
Maalgelinta Mashaariicda
Mushaarako Yaraanaysa (diminishing musharakah)
Iibsiga Guryaha
Ceebaha Mushaarakada Yaraanaysa
Mushaarakada iyo Isticmaalka Bangiyada
Nidaamyada ku Salaysan Deymaha (debt based)
Muraabaxa
Taariikhda Muraabaxada
Shuruucda Muraabaxada
Muuqaalka Muraabaxada Saxda ah
Sida Muraabaxada loo Isticmaalo
Salam
Muuqaallada Salam-ka Saxda ah
Waxa la Gadayo
Waxa wax lagu gadanayo
Waqtiga lala kala wareegayo
Ganaax
Dammaanad ama Rahmad
Kala Duwanaanshaha Salam-ka iyo Beyca Caadiga ah
Kala Duwanaanshaha Salamku iyo ‘forward sale
Kala Duwanaanshaha Salam-ka iyo Muraabaxada
Isticmaalka Salam-ka
Saamiyada Salam-ka (salam-based securitization)
Khataraha Salam-ka iyo Sida loo Maarayn Karo
Hababka loo Isticmaalo Salam-ka – Tusaalooyin
Istisnaa (al-Istisnaac)
Istisnaa iyo Salam
Tusaalooyin
Ijaarah
Shuruudaha Ijaarada
Isticmaalka Ijaarada
Ceebaha Ijaarada
Adeegyada la Tuhunsan Yahay
Beyc-al-Ciinah
Itsicmaalka Beyc-al-Ciinaha
Xukunka beyc-ul-ciinaha
Tawarruq
Beyc-al-Dayn

Qaybta 4aad
HEY’ADAHA HANTIDA U MAAMMULA SIDA WAAFAQSAN SHAREECADA
Hey’adaha Maammula Hantida
Kala Duwanaanshaha Hey’adaha Islaamiga ah iyo Kuwa Kale
Maalgelimaha Waafaqsan Shareecada
Sidee Hey’adaha Islaamigu Hantida u Maammulaan?
Maalgashiga saamiyada sharikaadka (equity)
Hey’adaha maammula maaliyadda sida gaarka ah loo leeyahay (private equity funds)
Ijaara
Mushaaraka
Mudarabada
Muraabaxa
Maalgelimaha dhowrka shirkadood ka wada qayb qaataan (Islamic syndications)
Sidee hey’adaha Islaamku u maalgeliyaan mashaariicda?
Sukuk
Sidee u Shaqeeyaa Sukuk-a?
Ijaara Sukuk
Faa’iidooyinka sukuk-a:
Maxay ku kala duwan yihiin sukuk iyo ‘bonds
Mulkiyadda sukuk-ga
Sukuk-gu waa in aysan noqon dayn
Maamummulka iyo mulkiilayaasha
Kaalinta culimada
Sicirka sukuk-gu muxuu ku xiran yahay?
Takaaful-ka
Takaaful: milicsi taariikheed
Derbiyada hor-taagan takaaful-ka
Sidee u shaqeeyaa takaafulku?
Noocyada Takaaful-ka
Takaaful-ka Caymiya Takaaful-ka kale (re-takaful)
Raadraac
Micnaha Kelmadaha Carabiga ah (Glossary)

Mahadcelin

Soo bixitaanka buuggaan, dad badan, ayaa siyaabo kala duwan uga qayb qaatay. Ragga, qoraalka buuggaan oo qabyo ah akhriyey kuna kordhiyey talooyin, toosin, turxaan-bixin, qurxin iyo qaabayn wax-ku-ool; ragga, buuggaan ku biiriyey waaya’aragnimo gaammurtay, cilmi bad ah iyo xikmad miid ah; ragga, galladda Eebe (SW) gadaasheed, buuggaani uusan la’aantood sinaba u soo bexeen aanna jeclahay in aan mahadnaq, abaalhayn iyo duco intaba isugu daro waxaa ka mid ah: Cabdirashiid Maxamed Cabdi; Prof. Maxamed Dalmar Cabdiraxmaan; Prof. Cabdiraxmaan Axmed Nuur (Sulub); Prof. Sh. Cabdirisaaq Hiirad Maxamed; Prof. Jaamac Xaaji Warsame; Siciid Xaashi Warsame; Sh. Cabdirisaaq Sh. Cali; Dr. Sh. Maxamuud Cabdiraxmaan Maxamuud; Sheekh Dayib Cali Maxamed iyo Cabdiraxmaan Cali Cumar.

Waxaa sidoo kale, mahadnaq iyo libinhayn iga mudan: Inj. Yusuf Muuse Cartan, Inj. Abdulfatax Abdullahi (Gacma-dheere), Maxamed Cabdixaliim, Cabdulqaadir Dalmar Cabdiraxmaan, Cabdiraxmaan Axmed Guuleed (Shiino) iyo Maxamed Xaashi Carrabey oo aan ka helay garab istaag, dhiirrigelin iyo ka warqab. Waxaan sidoo duco, mahadnaq iyo libin hayn wayn iga mudan wiilkayga, Subayr Siciid Cali, oo gacan weyn ka geystay naqshadaynta iyo qurxinta buugga, la’aantiisna qoraalkani uusan muuqaal buug yeesheen. Waxaa sidoo kale mahadnaq iyo libinhayn iga mudan bahda Somali Chanel ee Birmingham, UK, Cabdifitaax, Cabdinaasir (xarrago), Oogle iyo saaxiibada kale oo aan ka helay dhiirigelin iyo garab- istaag.

Waxaa iyana mahad ballaaran iyo libin-hayn iga mudan xaaskayga, Samsam Mire (khayru-nisaa), oo muddadii aan ku jiray qorista buugga, anigoo hawshii guriga iyo tarbiyaddii caruurta labadaba ku dayacay, haddana guubaabo joogto ah iyo garab-istaag hagarla’aaneed aan ka helay. Waxan sidoo kale mahad u celinayaa caruurtayda: Sumaya, Salma, Subayr, Usama, Shayma iyo Suha oo muujiyey sabir iyo dulqaad muddadii aan ku hawshanaa baarista iyo qorista buuggaan.

Ugu danbayn, heerkasta oo qofku nolosha ka gaaro, waxa jira, galladda Eebbe gadaasheed, dad libin-haynteedda leh, oo haddii qalinku hilmaamo qalbigu uusan marna hilmaami karin. Waxaa mahadnaq iyo libinhayn iga mudan, walaalkay Nuur Cali Shire, oo qayb weyn ka soo qaatay dhinac kasta oo noloshayda ka mid ah.

Gogoldhig

Waxaa sharaf ii ah inaan qoro hordhacaan gaaban oo aan ku soo ilhaweeynayo buuggaan cusub oo uu qoray walaalkay Saciid Cali Shire oo cinwaankiisu yahay “Bankiyada Islaamka”. Saciid waa qoraa qalin furan oo hadda ka hor qoray buugaag iyo daraasado ku saabsan ganacsiga, maaliyadda, maammulka iyo hoggaaminta, oo weliba ku qoray afkeenna hooyo ee Soomaaliga.

Waxaan oran karaa, buuggaani wuxuu soo baxay waqtigii ugu habboonaa. Waa xilli dad badan oo Soomaali ah oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba ku nool ay xiisaynayaan in ay helaan macluumaad la xiriira habka bankiyada Islaamku u shaqeeyaan si ay uga badbaadaan ribada iyo waxyaabaha kale ee Shareecadu xaaraantimeeysey. Waa xilli loo baahan yahay in dib loo yagleelo habka maaliyadda Soomaaliyeed ka dib markuu dalku xasilo haddii Alle idmo, waxaanna shaki ku jirin in nidaam maaliyadeed kasta oo ladhiso ay bankiyada Islaamku mustaqbalka mug weeyn ku yeelan doonaan. Haddaba, waa nasiib wanaag inuu hadda soo baxay buug mawduucaas si fiican inoo ku bayaaminaya oo tixraac iyo tusaale inoo noqonaya. 4

Buuggaani wuxuu xambaarsan yahay xog ballaaran oo ku saabsan Nidaamka Maaliyadda Islaamka. Wuxuu koobaya taariikhda iyo marxaladaha bankiyada Islaamku soo mareen, iyagoo mar ahaa wax lagu diimo, haddana kasbaday magac iyo maamuus, kuna tillaabsaday horumar la yaab leh. Waxay hadda bankiyada Islaamku ka hawlgalaan ilaa iyo 80 dal ee ku fidsan dunida dacalladeeda, waxayna maammulaan hand kor u dhaafeeysa 1 trilyan oo doollarka Maraykanka ah. Magaca iyo awoodda bankiyada Islaamku waxay hadda gaareen heer dawladaha reer galbeedku tartan u galaan siday xarun ugu noqon lahaayeen habka Maaliyadda Islaamka ee caalamiga ah.

Waxaa la xusuustaa jahawareerkii ku dhacay dhaqaalaha adduunka siiba kan reer Galbeedka oo weli raadkiisii iyo rafaadkiisii sii muuqadaan. Sidaan ka akrisanayno buugaan, bankiyadu Islaamku ma abuuraan khalkhal iyo jahawareer maaliayadeed. Sidaasna waxaa ugu wacan habka ay ku shaqeeyaan. Waxay maalgeliyaan mashaariic dhab ah, oo ku saleeysan habka faa’iido iyo khasaaro wadaagga ah ee meel cidlo ahna deyn kama abuuraan, mana rogrogaan.

Waxaan hubaa in akhristuhu u bogi doono siduu Siciid u kala dhigdhigay oo u kala hufay adeegyada Bankiyada Islaamku fuliyaan iyo tiirarka ay ku taagan yihiin oo uu ugu weeyn yahay caqdigu, iyo aaladaha ay adeegsadaan sida Mushaarakah, Mudaarabah, Muraabaxa iyo kuwa kale oo aanan halkaan ku soo koobi karin, isagoo mid weliba qeexay micnihiisa, waafajiyey daliilkiisa xagga Shareecada, soo koobay taariikhdiisa, kana bixiyey tusaalooyin cad cad. Waxaan jeclaan lahaa inuu Saciid ereyadaan oo dhammaantood af Carabi ah u sameeyo eraybixin Soomaaliyeed. Teeda kale, Saciid kama uusan gabban inuu farta ku fiiqo ceebaha iyo dhaliilaha loo soo jeedin karo adeegyada ay fuliyaan bankiyada Islaamka qaarkood, adeegyadasoo magaca kaliya kaga duwan kuwa ay fuliyaan bankiyada ribada ku shaqeeya.

Wuxuu kaloo Siciid tilmaamay caqabadaha hor taagan horumarka bankiayada islaamka ooy ka mid yihiin, tababar la’aanta maamulayaashooda, dhibaatada ay kala kulmaan xagga xeer dejinta, la’aanta tas’hiilaad canshuur dhaafineed iyo tartanka xoogga badan oo kaga imaanaya xagga bankiyada ribada ku shaqeeya
Waxaan aad ugu bogaadinayaa Saciid daraasaddaan qiimaha leh ee uu soo bandhigay iyo dadaalka dheeriga ah ee uu muujiyey si uu inoo baro habka maaliyadda Islaamka. Run ahaan, buuggani waa kayd aqooneed, oo tixraac u noqon doona ardada barata dhaqaalaha iyo maaliyadda, kuwa darsa shareecada Islaamka, ganacsata iyo maalqabeennada u baahan inay maalkooda u jiheeyaan mashaariic iyo ganacsi xalaal ah, mas’uuliyiinta maammulka iyo sharcidejinta iyo intii daneyneysa inay wax ka ogaadaan habka maaliyadda Islaamka.
Akhris wanaagsan.
Brofesoor Maxammad Dalmar Cabdiraxmaan

Buuggaan, Bangiyada Islaamka, wuxuu ina siinayaa “khariidad” ama “map” na haga oo aan u isticmaalno hayaanka dheer, geeddi-socodka gaaban, iyo nolol-maalmeedka dhaqaalaha iyo maaliyadda Islaamka ku salaysan oo uu u baahan yahay qofku, ururku, sharikaddu, wasaaraddu, iyo dalalka ay Somali weeyn degen tahay oo idil.

Mabaadi’da iyo maalku waa laf-dhabarka nolosha bulshada, qofka, qooyska, ururka, shirkadda, iyo dawladda. Sidaas daraaddeed wuxuu isku xirayaa mabaadi’dii, maalkii, iyo dadkii. Waaxid iyo wadar wixii doonaya in ay maalkooda xaaraan ka dhawraan oo xalaal ku badiyaan ama meel xalaal ah dhigtaan waa buug anfacaya.

Buugga “Bangiyada Islaamku” wuxuu albaab u furay cilmi- baarayaasha iyo xarumaha cilmibaarista, oo weliba wuxuu dhiirigelin u yahay in aqoonyahannadu wax badan bay cilmi cabbayeene in ay timid kaalintii iyo waqtigii ay ummadda ka waraabin lahaayeen kaydka ay hayaan oo ay la dhiman. Waa hung ku habboon in muqarraar ama manhaj looga dhigo jaamacadaha Somaliya ku yaal oo dhan.

Qoraha buuggu, Saciid Cali Shire, wuxuu si wacan u kala saaray waxyaabaha ay ku kala duwanyihiin bangiyada salka ku haya ribada iyo kuwa Islaamka u hoggaansan – kuwa aan xaaraanta u aabayeelin iyo kuwa hadafkoodu xalaasha yahay. Weliba wuxuu buuggu faahfaahinayaa bangiyada islaamka sheegta iyo khaladaadka ay qaarkood leeyihiin. Wax a ad garanaysid ayaa wax lagu darsadaa. Sida uu kala duwayo buuggu, nidaamka bangiyad ribada iyo nidaamka bangiyada Islaamka iyo sida uu uqodobbaynayo nidaamka bangiyada Islaamka, waxaad mooddaa in uu na daadihinayo si aan u gaarno moolka nidaamka bangiyada Islaamku iyo sida ay u shaqeeyaan. Fikrado mool ah oo mucaqqad ah ayuu si fudud oo sahal ah kuu qurqursiinayaa.

Wuxuu Shire kolwalba isku dhafaa oo isku tolaa sida ay mabaadi’da iyo hirgelinteedu isugu xiran yihiin oo weliba ku muujiyaa tusaalooyin qeexaya oo qof kastaa fahmi karo.

Buggaan iyo buugtii hore ee Shire sida Furaha Ganacsiga iyo Hoggaamiye hanti weeyn ayey u yihiin bangiyada nidaamka islaamka ku sheqeeya, maalgeliyaha iyo maalgelin-dalbaha, iyo dad weeynaha xalaal quudashada ku dadaala intaba.
Waa buug istaahila in aad akhrisid, oo ku fakartid, oo weliba ku dhaqantid, oo haddana u hadiyeeysid qof aad jeceshahay. Buggaan haddaad saaxiib ka dhigatid ka shallaayimaysid: Akhriskiisu fududaa; Amarkiisu weeynaa; Aayihiisu dheeraa.
Brofesoor Cabduraxmaan Axmed Noor (Sulub)
Jaamacadda al-Bahaa, Boqortooyada Sacuudiga

Buuggaan oo ah buugii 3aad ee uu allifo Saciid Cali Shire, waxaa ku dheehan aqoon qoto dheer oo ruux walba oo muslim ah u baahan yahay. Runtiina ahmiyad gaar ah waxaa siinaya buuggaan, tooshka uu ku ifiyey mucaamalaadka maaliyadeed ee kala gaddisan iyo xeeladaha waafaqsan shareecada Islaamka ee la adeegsan karo si looga dheeraado ribada iyo wixii la halmaala.

Mua’lifku wuxuu si tafatiran u soo bandhigay taariikhda bangiyada Islaamka iyo heerarkay soo mareen. Wuxuuna tilmaamay guulaha ay gaareen, tay higsanayaan iyo dhibaatooyinka hor yaal. Hawlaha bangigu qabto way fiican tahay in ruux walba wax ka ogaado waayo markii qofku yaqaan una qeexan tahay xuquuqda uu leeyahay ayuu difaacan karaa, laakiin markii aad jaahil ka tahay waxaa dhici karta in bangiyada qaarkood kaa faa’iideystaan oo ku dhacaan ama shaqo curyaamin kugu sameeyaan. Si aysan taasi u dhicin, qoraagu lama bakhaylin soo gudbinta macluumaad tayo leh oo qof walba oo akhrista ka faa’iidaysan karo una sahlaysa in qof walba la macaamiltamo bangiyada shareecada Islaamka ku dhaqma.

Runtii baahi weyn baa loo qabay buuggaan oo kale, waxaana oran karaa Saciid Cali Shire wuxuu ku soo kordhiyey maktabadaha cilmiga hand ma guurta ah. Soomaalidu waxay ku maahmaahda biyo sacabbadaadaa looga dhergaa. Hadaba dur-duuro aqoontaas ku qoran afkaaga hooyo kana soo dhirin-dhirtay maskax aqoon iyo khibrad u leh jaanibkaas.
Saciid Xaashi Warsame, MAAT, PGD, MA
Xeeldheere cilmiga Bangiyada Islaamka

Nabiga (SCW) wuxuu yiri, “Xalaashu waa caddahay xaaraantuna waa caddahay, waxaase jira arrimo isku dhafan oo shubha ah, qofka ka fogaadaana waa xalaal quute diindisii dhowrtay”. Sidaasi daraadeed, ayaa qofka Muslimka ah looga baahan yahay inuu ilaaliyo xudduuda diinta oo ay ugu horreyso kala soocidda xalaasha iyo xaaraanta. Meelaha ay sida sibiqda ah qofku ugu soo galeyso xaaraantu, haddii uusan aqoon iyo feejignaan badan u yeelan, waxaa ka mid ah dhinaca beeca, ganacsiga iyo hab la dhaqanka bankiyada, oo aad u mudan in aqoon loo yeesho si loo kala sooco xalaashaooda iyo xaaraantooda.

Hadaba, markii aan aqriyay buuggan uu walaalkeen Saciid Cali Shire qoray, oo ka hadlaya Bankiyada Islaamka, runtii waxaan u arkay inuu yahay buug mudan in qof kasta oo Muslim ah oo ku hadlaa afka Soomaaliga uu aqriyo. Waayo, wuxuu ka helayaa aqoon la xiriirtaa cilmiga beeca iyo bankiyada, taasoo uu ku kala qeexayo xalaasheeda iyo xaaraanteeda, meelaha ay shubhooyinku ku jiraan iyo sidoo kale, muhimadda uu Bankiga Islaamku u leeyahay bulshada Muslimka ah iyo tan aan Muslimka ahayn. Buuggu, waa cilmi lama huraan u ah qofka baranaya cilmiga dhaqalaha iyo qofka ku jiraa suuqa ganacsiga labadaba. Waxaan aad ugula dardaarmayaa dadka Soomaaliyeed iney buuggan aqiryaan kana faa’iideystaan cilmiga badan ee dhex ceegaaga buuggan.
Brofesoor Sheekh Cabdirizaaq Hirad Maxamed

Nus qarnigii la soo dhaafay, dadyowga muslimiinta ahi waxay isku dayayeen in ay dib u yagleelaan qaab nololeedkooda ayagoo ku salaynaya shareecada Islaamka. Sidoo kale, waxay aad u dareensanaayeen in saydarada dhinaca dhaqaale iyo siyaasadeed ee reer galbeedku ay ka hortaagnayd ku dhaqanka Shareecada Islaamka (Islamic principles).

Dhinaca dhaqaalaha, dadyowga muslimiinta ah, waxay ahayd caqabada ugu wayn ee hortaaagan in ay dib u habayn ku sameeyaan hay’adaha maaliyadadeed (financial institutions) ee ku salaysan qaab aqooneedka Islaamka (Islamic teaching), ayadoo bii’ada ku hareeraysan ay dhamaanteed ku salaysnayd nidaamka ribawiga ah (interest based), ayey aad u adkayd in la hirgaliyo hay’ado maaliyadeed oo ka madax banaan nidaamka ribawiga ah (interest free based).
Wadammo badan ayaa isku dayay inay nidaamkooda maaliyadeed gabi ahaanba ku saleeyaan shareecada Islaamka (Islamization), qaar kale qayb ahaan ayey ka dhigeen, kuwo kalena waa ku tala jiraan iyadoo ay wali hortaagan yihiin nidaamyada ka taliya iyagoo garab iyo gaashaanba ka helaya kuwa reer galbeedka. Sidoo kale, shucuubta muslimiinta oo ay Soomaaalidu ka mid tahay waxaa aad uga dhaadhacday in aan la samayn karin nidaam maaliyadeed oo ku salaysan shareecada Islaamka.

Hadaba waxaa la oran karaa qoraagu, Saciid wuxuu daahfur rasmi ah ku sameeyay cilmi aad muhiim u ah oo in badan oo dadka Soomaaliyeed ka mid ah ka qarsoonaa amaba qaar badan oo kamid ah aysanba aaminsanayn in bangiyada Islaaamiga ahi aysan xaqiiqo u jirin amaba ayasan waxba kaga duwanayan kuwa reer galbeedka, asagoo waliba uga haqab tiray afkoodii hooyo oo beryahaan danbe gabaabsi ugu jira in wax lagu qoro.

Waxaan orankaraa waa btiugii ugu horeeyay, aniga ogaantay, ee ku qoran Afsoomaali, ee ka hadlaya culuumta Bangiyada Islaamka , runtiina si waafi ah u kala dhig digdhigaya.Waa buug lagu soo ururiyay dhammaan taariikhda bangiyada Islaamka, nidaamka maaliyadeeed ee islaaamka, qaabka ay u shaqeeyaan bangiyada islaamku, iyo caqabadaha hortaagan.

Qoraagu, Saciid, wuxuu buugga u qoray hab akadeemig ah oo anfici doona jiilasha Soomaaliyeed, kuwa hada jooga iyo iyo kuwa mustaqbalka, ee ku hawlan inay aqoontooda kor u qaaadaan, kuwa ku fakaraya inay furtaan Bangiyo Islaami ah amaba ka shaqeeyaan intaba.

Mahadnaq iyo bogaadin ka sokow qoraagu wuxuu mudanyahay in lagu daro liiska dadka shucuubtooda wax la taaban karo kusoo kordhiyay, amaba la gudoonsiiyo bilad abaal marineed iyadoo shacabka Soomaaliyeed darxumo iyo dawlad la’aan la liito.
Sheekh Dayib Cali Maxamed, MA Islamic Banking and Finance
Xeeldheere cilmiga bangiyada Islaamka

Kitaabkaani waa midkii ugu horeeyay ee noociisa ah, kana hadlaya maaddo muhim u ah dadka Soomaalida ah ee Muslimka ah, maxaa yeelay wuxuu ka hadlayaa qayb aan dadka badankiisu xirfad u lahayn ama aanse laga hadlin. Waxaan aaminsahay in uu wax wayn ka tarayo aqoonta iyo fahamka dadka Soomaaliyeed oo badanaaba aan ku baraarugsanayn barashada arrimaha mucaamalaadka iyo ganacsiga ee Islaamka.

Markii aan akhriyay buuggaan cusub waxaa runtii iiga muuqatay in uu ummadda Soomaaliyeed u furayo irido iyo aafaaq cusub oo hore uga daboolnaa. Waxaa laga yaabaa in uu u horseedo baraarug hor leh iyo isku day hirgelinta nidaamka dhaqaale/maaliyadeed ee Islaamka. Waxaan ku talinayaa in tabbabar iyo wacyi-gelin la siiyo shirikaadka xawaaladaha oo noqon kara saldhigga bangiyo Islaami ah mustaqbilka haddii ay helaan cid waddada tusta oo la talisa.
Waxaan jeclahay in kitaabkaani muqarar ka noqon doono Jaamacadda Bariga Afrika oo laga dhigo maaddada.
Brofesoor Jaamac Xaaji Warsame
Jaamacadda Bariga Afrika, Boosaaso, Soomaaliya

Buuggaan cusub, Bangiyada Islaamka, waa indhofur taabanaya meelaha ugu muhiimsan ee ganacsiga xalaashiisa iyo xaaraantiisu iska herdiyaan, iyo waxyaalaha maanta loogu baahida badan yahay dhinaca aqoonta ganacsiga. Saciid Cali Shire, juhdi fara badan ka dib, wuxuu inoo daah-furey adeegyada ganacsiga xalaasha ah, tooshna inooku ifiyey madmadowga ka imaan kara. Waa buug anfacaaya dhamaan dhinacyada kala duwan ee dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed/ganacsi shaqsi, shirkad, hey’ad, iyo dowlad intaba.

Maaddada buuggaanu ka hadlayo, bangiyada islaamka, waa laf- dhabarta dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee koonkaan. Waxaa lagu jiraa xilli dhaqdhaqaaqyadii oo dhan isugu yimaadeen tiknooloji iyo hey’adaha maaliyadda (financial institutions) – dhaqdhaqaaqyada ugu yar yar ayaa waxay kula gelayaan kaararka, xawaaladdaha iyo telefoonnada gacanta (Sida Golis E-adeeg Service – biilasha qoysaska loogu keydin karo, kuna adeegan karaan). Xilli fursad ganacsi qofkii hayaa aanu maaliyad ka welwelin, ee uu hey’ad maaliyadeed u soo bandhigayo si ay dhankeeda maalgelinta uga qeybqaadato, fursadaasna laga wada faa’iideysto. Xilli ay abuurmeen hey’ado maaliyadeed oo Islaami ah, soona bandhigayaan aalado maalgashi. Saciid Ali Shire, waa aqoonyahankii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed oo dareemey baahida loo qabo fahamka hab-ganacsiga Islaamka. Markaan buuggaan akhriyey waxaan arkey inuusan qoraagu waxba ka tegin adeegyada xalaasha ah iyo kuwa loo ekeysiin karo xalaasha. Akhris ka dib, waxaan soo xusuustey dhacdooyin badan oo aan horey ula soo kulmey, aana ka istaagey maadaama aanan buug ilaa xadkaan u kala dhigdhigaaya macluumaadka maaliyadeed ee Islaamka helin.

hamiyey inaan qadar lacag ah khatarta qiimo-dhaca lacagta ka badbaadiyo (I lodgingForward exchange contracts). Xiligaas halka Dollar waxaa lagu beddelaayey 62 Shilin Keenya (Juun 2008). Waxaan rabey inaan qadar lacageed oo doolar ah bisha December 31st 2008 aan ku helno 62 kshs/lUS$, lacag yar oo khidmo ahna aan bangiga siino, si aan qiimo dhac hadduu yimaado uga fogaano. Anigoo aan wax aqoonyahan maaliyadda Islaamka ku takhasusey la tashan ayaan ka shakiyey xalaalnimadeeda, waana ka istaagey. Xaqiiqdii, Dollarkii December 2008 wuxuu gaarey 82 Kshs. Si kale hadaan wax kuu tuso, qofkii June 2008 haystey 6,200,000Kshs oo u dhigantey 100,000US$, December 2008 waxay lacagtaas qiimaheedii gaarey 75,610US$. Wuxuu qofkaasu khasaarey 24,390US$ oo sarifkaasu sababey. Buuggaanu wuxuu si cad u qeexayaa dhamaan adeegyada loo isticmaalo khataraha sarifka (hedging techniques) ay ka mid tahay ‘forward exchange rate’.

Waxaan kaloo xusuustaa in aan la kulmey xubin ka socota HSBC, Ammaana, oo markaas suuqgeyn u sameynayey adeegooda Islaamiga ah ee Ammaanah, haddana shaki aan qabey owgiis ka cararey. Waxaan kaloo la kulmey Bankiyo Islaami ah oo iyaguna markaas ii soo bandhigey adeegyo aan ka xusuusto mushaaraka, mudaaraba, Ijaara,iwm. Waxaan kaloo xusuustaa mar aan isla xisaabineyney guri aan ka wada hadleyney iney nala maalgeliyaan formula-dii aan u xisaabineyney ila gashey ‘Present Value of an Annuity (PVIFAkn)’, waxayna ka mid tahay qaababka loo xisaabo ribada laalaabanta (compound interest). Markaas ayaa mugdi iga galay. Buuggu wuxuu xusayaa aalado/adeegyo badan oo ay ka mid yihiin kuwaas i soo marey. Wuxuuna iftiiminayaa xalaashooda, xaaraantooda, iyo xeelaysigooda. Waxaan rajeynayaa in buuggaanu tayo xalaaleed iyo horukac ku kordhin doono nadaamyadeena go’aan qaadasho (decision making models).

Ribada, sida Rasuulkeenii (NNKH) ka sugan “waa 73 nooc, tan ugu denbi yari waxay la mid tahay ninka oo ka sineystey hooyadiis”. Waxaa kaloo sugan, “36 jeer oo sino ah waxaa ka sii denbi weyn hal mar oo ribo lagu dhaco”. Bini’aadam waxaa u hilaaca xoolo, laakiin, hadaan laga fiirsan ilaha xoolaha ka soo burqanayaan waxaa lagu dhacayaa halaag – ribo. Waxaan Eebe (SW) qoraaga (Saciid Cali Shire) uga baryayaa inuu ka xafido dhibaato aduun iyo aakhiroba, siduu noola jecel yahay inaan ku toosnaano jidka xalaasha ah, xaaraantana ka fogaano.
Cabdirashiid Maxammed Cabdi, IBA, MOD, MBA.

Hordhac
Islamic banking and finance is no longer just a theory or a dream, in fact it is now an emerging, evolving reality.
Brofesoor Khurshid Axmed

Meesha, 40 sano ka hor, bangiyada Islaamku ahaayeen riyo, sida Prof. Khurshid cabbiray, bangiyada Islaamku maanta waxay ka mid yihiin nidaamyada maaliyadeed ee ugu koboca fiican, ugu faa’iidada badan, looguna hadal-hayn iyo kalsooni badan yahay nidaamyada maaliyadeed ee adduunka. Dhinaca koboca iyo faa’iidada, bangiyadaasi waxay 20-kii sano ee la soo dhaafay, sannad walba, sameynayeen koboc iyo faa’iido sare u dhaafaysa 20%; dhinaca hadal hayntana, doodaha la xiriira bangiyada Islaamku waxay buuxiyeen shaashadaha TV-yada, boggaga internet-yada iyo jaraa’idka caalamka. Waxa intaas dheer, in nidaamka maaliyadeed ee Islaamka maanta lagu derso, lagana dhigo xarumaha cilmiga ee ugu magaca iyo maamuuska dheer caalamka. Hadal-haynta iyo kalsoonida dheeriga ahi, qayb ahaan, waxay salka ku haysaa koboca hantida ay maammulaan iyo faa’iidada ay sameeyaan; qayb ahaan, aaladaha ay isticmaalaan; qayb ahaanna siday ugu babac dhigeen iyo siday uga soo doogeen jaahwareerkii dhaqaale ee ku dhuftay hey’adaha maaliyadda caalamka sannadihii 2007-2009.

Horumarkaas lixaadka leh ee bangiyada Islaamku ku tallaabsadeen ma aha wax iska yimid, ama sida dadka qaarkiis moodaan, wax la soo bilaabmay soo ifbixii bangiyada Islaamka. Soo ifbaxa bangiyada Islaamku wuxuu qayb ka ahaa dadaal Islaam raadis ah oo ay hormuud ka ahaayeen siyaasiyiin, aqoon-yahanno, fuqaha iyo muslimiin badan oo isbeddel doon ah. Dadaalladaas xaq raadiska ahi, marka laga soo tago wacyigelinta guud iyo u jidbaysnaanta shareecada Islaamka, waxyaabaha la taaban karo ee uu ku guuleystay, mirihiisana maanta la guranayo, waxaa ka mid ah soo ifbaxa Bangiyada Islaamka. Bangiyada Islaamkuna waa qayb ka tirsan dhaqaalaha Islaamka. Dhaqaalaha Islaamkuna waa qayb ka mid ah diinta Islaamka. Islaamkuna waa diin dhammaystiran oo buuxinaysa dhammaan baahiyaha aadamaha. Baahiyahaasi ha noqdeen kuwo qofeed ama kuwo bulsho, kuwo nafeed ama kuwo maal, siyaasad iyo dhaqaale, qaanuun iyo dhaqan, gudo iyo dibed. Waa qaab nololeed dhammaystiran oo daboolaysa caqiidada iyo mucaamalaadka, shuruucda iyo nidaamka. Waa qaab dhaqan iyo ilbaxnimo, waxay leedahay nidaam maaliyadeed iyo mid ganacsi, nidaam siyaasadeed

iyo mid dawladnimo. Quraanka iyo sunnuhu waa labada ilood ee sharciga. Qiyaaska, ijmaaca iyo ijtibaad-kuna waa hab lagu turjumo quraanka iyo sunnaha si loogala soo dhex baxo xukun. Nidaamkaasi waa mid ku salysan caddaalad, himilooyinkiisana waxaa ka mid ah ciribtirka wax kasta oo xaaraam ah, sida ribada, qararka, khammaarka, iyo wixi lamid ah.

Mid ka mid ah waxyaabaha aasaaska u ah bangiyada Islaamka, oo ay kaga duwan yihiin bangiyada kale waa ku dhegganaanta shareecada Islaamka iyo ka dheeraanshaha wax kasta oo shareecada agteeda xaaraam ku ah, sida ribada, qararka iyo khammaarka.

In kastoo bangiyada Islaamka lagu sameeyey daraasado fara badan, lagana qoray buugaag aad u badan oo iftiiminaya heerarkii ay soo mareen, sida ay u shaqeeyaan, aaladaha ay isticmaalaan, waxa ay kaga duwan yihiin bangiyada ku shaqeeya nidaamka ribada, derbiyada hortaagan iyo sida ay u wajaheen isbeddellada caalamka sida jaahwareerada dhaqaale, haddana waxaa muuqata in dadka ku hadla luuqadda Soomaaligu weli ka oomman yihiin cilmigaas. Buuggan, oo intaan ka warhayo, noqonaya buuggii u horreeyey ee ka hadla bangiyada Islaamka, u qoran qaab cilmiyaysan (academic) kuna qoran af-Soomaali, in kastoo uusan dabooli karin baahiyaha faraha badan ee loo qabo fahanka, guud ahaan nidaamka maaliyadeed ee Islaamka, gaar ahaan kan bangiyada Islaamka, haddana waxaan rajaynayanaa in uu noqdo tallaabo horseed ah.

Guud ahaan buuggu afar qaybood ayuu ka kooban yahay. Qaybta koowaad, guudmar, waxay ka kooban tahay afar cutub. Cutubka laad wuxuu raadraac ku samaynaysaa waqtigii ay soo bilaabmeen bangiyada Islaamku, ciddii bilowday, ujeeddooyinka iyo himilooyinka bangiyadaas, heerarkii ay soo mareen, derbiyada horyaal, waxa bangiyada Islaamku kaga duwan yihiin bangiyada ku shaqeeya nidaamka ribada, iyo mustaqbalka bangiyada Islaamka. Cutubka 2aad, wuxuu hummaag ka bixinayaa sida bangiyada Islaamku ugu baahsan yihiin caalamka. Cutubka 3aad, wuxuu lafagur ku samaynayaa jaahwareerkii dhaqaale ee 2007-2009 iyo sidii bangiyada Islaamku isaga caabbiyeen. Cutubka 4aadna wuxuu kormar ku samaynayaa dhaqaalaha Islaamka.

Qaybta labaad, aasaaska nidaamka maaliyadeed ee Islaamka, waxay soo bandhigaysaa tiirarka aasaaska u ah nidaamka maaliyadeed ee Islaamka. Maaddaama caqdigu uu gundhig u yahay adeegyada iyo hawlaha bangiyada Islaamku qabtaan oo dhanna, cutubka 5aad wuxuu muuqaal ka bixinayaa caqdiga beyca. Cutubka 6aad wuxuu soo bandhigayaa ribada, qararka, maysirka iyo khammaarka oo ka mid ah waxyaabaha xaaraamta ah oo bangiyada Islaamku kaga duwan yihiin bangiyada ku shaqeeya nidaamka ribada. Cutubka 7aadna wuxuu wuxuu wax ka ifiiminayaa muuqaalka, hawlaha ay qabtaan iyo ahmiyadda ay leeyihiin guddiyada culimada ah ee la taliya bangiyada Islaamka (Sharia boards).

sida bangiyada Islaamku hantida u ururiyaan (deposit side) iyo adeegyada ay u qabtaan macaamiisha. Cutubka 9aad iyo lOaad waxay si qoto dheer u falanqaynayaan aaladaha iyo nidaamyada bangiyadu isticmaalaan markay maalgelimaha samaynayaan. Meesha cutubka hore ka hadlayo aaladaha ku salaysan wax-isku-darsiga (equity based), cutubka dambe, wuxuu ka hadlayaa aaladaha ku salaysan deymaha (debt based).

Qaybta afraad, bey’adaha hantida u maammula sida waafaqsan shareecada Islaamku, waxay ka kooban tahay saddex cutub. Cutubka llaad wuxuu muuqaal ka bixinayaa noocyada iyo aaladaha ay adeegsadaan hey’adaha hantida u maammula sida waafaqsan shareecada Islaamka. Cutubka 12aad iyo 13aad waxay kormar ku samaynayaan labo ka mid ah adeegyadii ugu dambeeyey ee ku soo biira caalamka maaliyadda Islaamka, i.e. sukuk-ga iyo takaaful-ka.
Buuggaani, sida labadii buug ee ka horreeyey, “Furaha Ganacsiga iyo Hoggaamiye”, waa buug u qoran qaab cilmiyaysan oo akadeemig ah (academic), sidaas aawadeed, buuggaan waxaa loo isticmaali karaa koorsooyinka Bangiyada Islaamka ee jaamicadaha iyo macaahidda sare ee dalka. Sidoo kale, buuggu wuxuu marjac iyo wehel u noqon karaa dadka ka shaqeeya, daneeya, dhiga, dhigta ama ku hawlan siday u fahmi lahaayeen guud ahaan nidaamka maaliyadeed ee Islaamka, gaar ahaan bangiyada Islaamka.

Afeef

Mawduuca, bangiyada Islaamku, waa mawduuc bad ah marka laga fiiriyo dhanka baaxadda iyo gundheerida labadaba. Waa mawduuc isku dhafan (complex) oo kulmiya mawduucyo fara badan (interdisciplinary). Waa mawduuc u baahan aqoon iyo waaya’aranimo ka baaxad weyn inta yar ee aan anigu weeleeyey. Sidaas aawadeed, in kastoo niyaddaydu saafi ahayd, dadaal badanna aan u galay sidaan u soo gudbin lahaa muuqaalka saxda ah ee nidaamka maaliyadda Islaamka, haddana, waxaa dhici karta in aanan haleelin dhammaan dhinacayadii ay ahayd in wax laga taabto. Si hadaba, qormooyinka dambe aan u toosiyo, waxaan qof kasta oo buugga akhriya ka codsanayaa in uu wixii talo, toosin iyo turxaan bixin ah ii soo sheego si aan khalad sax uga daba geeyo.

In kastoo, sidaan mahadnaqa ku xusay, rag badan oo aqoonyahanno, fuqaho iyo indheergarad isugu jira ay buuggaan akhriyeen, talooyin wax ku ool ahna ka bixiyeen, haddana, waxaan caddaynayaa in wixii ceeb iyo nuqsaan ah oo laga helo buuggaan, oo aan hubo in ay ku badan yihiin, aan kaligay dusha u ridanayo oo aysan raggaasi wax eed iyo mas’uuliyad ah middoodna ku lahayn.
Saciid Cali Shire

Qaybta 1aad
BANGIYADA ISLAAMKA: GUUDMAR