Barbaarinta Ubadka

Maxamuud Axmad Naasir

Xuquuqda daabacaadu waa dhawrsan tahay. Lama badsan karo, si kasta oo loo dhigaba iyadoon oggolaansho loo haysan, Ciddii ku xad gudubta waxaa lala tiigsan doonaa maxkamadda sharciga ah ee wadanka iyo dibaddiisa, ama waxaa lala sugi midda aakhiro ee Ilaahay oon laga fakan karin. Iyadoo ay shareecada Islaamku ka istaagtay mawqif ah xaaraantinnimada bililiqaysiga buugta, sida ku xusan kitaabka Xuquuqda Kutubta ee Sheekh al-Albaani (Alle ha u naxariistee).

Daabacaaddii Koowaad
1.12.2010

Maktabadda & Madbacadda Taqwa
Islii, Nayroobi, Keenya
Tel: 0722 582139 | 0722 583408

Waxaan gudoonsiinayaa qoraalkan waalidiinta Soomaaliyeed ee ku taamaya inay ku barbaariyaan ubadkooda barbaarin hagaagsan oo ka dabqaadanaysa dhuuxa diinta Islaamka.
Iyagaan u hibaynayaa buuggan si ay uga xigtaan talooyin iyo tabo ku saabsan barbaarinta ubadka.
Waalidiinta aan gudoonsiinayo buuggan anigaa ka kow ah, waxaana ku ducaynayaa in Ilaahay (s.w) ka ilaaliyo ubadkeena doorsoon iyo xumaan.

25:74

Al-Furqaan 74

Tusmada Kitaabka

Cutubka 1aad
Cutubka 2aad
Cutubka 3aad
Cutubka 4aad
Cutubka 5aad
Cutubka 6aad
Cutubka 7aad
Cutubka 8aad
Cutubka 9aad
Cutubka 10aad

Cutubka 1aad

Barbaarinta Ubadka
Mudnaanta Barbaarinta Ubadku Leedahay
Midhaha Barbaarinta Wanaagsan
Maxay Tahay Barbaarintu?
Baahida Loo Qabo Barbaarinta
Tiirarka Barbaarinta

Mudnaanta Ay Leedahay Barbaarinta Ubadka
Barbaarinta ubadku waa hawl dhib badan, una baahan dadaal iyo waqti badan in lagu bixiyo, waayo barbaarintu waa xil iyo masuuliyad la is waydiin doono aakharo, sidoo kale barbaarintu waa arrin ajir iyo xasanaad badan laguna gaarayo janno haddii Ilaahay dartii loo niyoodo, loogana soo dhalaalo sidii la rabay.
Dhinacyada barbaarinta een rabno inaan kaga hadalno qormadan waxaa kamida:
1. Dib inaan u milicsanno hannaankii Rasuulka (s.c.w) iyo asxaabtiisu ay u barbaarin jireen ubadkooda, sifo aan ugu dayanno innaguna, deetana ugu barbaarinno ubadkeena.
2. Xilliga aan ku jirno, markaan eegno waxaad dareemaysaa in ummadu marayso xilli inkaaran oo ubadkii ambaday, gacantana ka baxeen, taasina waxaa lagaga bixi karaa in la helo barbaarin wanaagsan gundhigeedu yahay diinta Islaamka.
3. Barbaarinta wanaagsan baa lagu gaari karaa wanaagga ubadka iyo baarinimadooda. Waayo tarbiyada fiicani waxay siinaysaa ilmaha dareen ay ku kala saaraan xumaha iyo samaha.
4. Barbaarintu waxay soo saaraysaa rag raga oo qaadi kara xilka loo dhiibo, una adkaysan kara dhibaatooyinka iyo hardanka lasoo darsaya noloshooda iyo aayahooda dambe, waxayna ka dhigaysaa ilmaha mid anfaca diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisaba.
5. Barbaarinta ubadkeena waxaa sii siinaya mudnaanta koowaad xilliga lagu jiro iyo weerarka daran ee lagu soo qaadayo ubadkeena, loogana golleeyahay in lagu duufsado oo karkaarka lagu waydaariyo.
6. Barbaarinta wanaagsani waxay ka badbaadinaysaa ilamaha fahanka qollooca, fidnada iyo fikir kasta oo kasoo horjeeda diinta Islaamka.
7. Dhibaatooyin badan oo soo gaaray ummadeena, waxaa loo aanayn karaa barbaarin xumada ku habsatay ubadkeena. Midda lagaga bixi karaana waa barbaarinta iyo tarbiyada wacan ee diinteena oo dib loogu laabto.

Waxyaabo badan oon u haysanno mucjiso ayaa ah midho kamida midhaha barbaarinta wanaagsan
Barbaarintu waa fan la barto, waa wax-soosaar iyo isku dubarid, waa qabanqaabin iyo diyaarin. Waxaan ognahay in marka lasoo jeedinayo barnaamuj, waxaa la qaadaa tallaabooyin dhawr ah, si loo diyaariyo barnaamujka, tallaabooyinkaas la marayo ayaa waxaa loo yaqaanaa diyaarin iyo soo-saarid, tusaale ahaan BBC-du marka ay soo jeedinayso wararkeeda waxay ku billawda barnaamujka waxaa soo saaray hebel anigoo hebel ahna waan idiin soo jeedinayaa.
Waxaas oo arar ah waxaan u golleeyahay, waa inaan iraahdo barbaarintu waa barnaamuj u baahan diyaarin, qabanqaabin, iskudubaridid, iyo soo-saarid. Haddaba haddii la helo tarbiyo iyo barbaarin ku taagan tiirarkan waxaa la soo saari karaa barnaamuj dhaliya midho macaan iyo barbaarin illaa heer sare gaaraysa.
Waxaan xasuustaa maalin maalmaha kamida inaan la soo istaagay dad meel ku uruursan, oo daawanaya wiil yar oo khudbadaynaya, markaan la yar daawaday, ayaan waydiiyey muxuu yahay ilmahani? Waxay ii sheegeen inuu yahay ilmo mucjiso ah, oo u dhashay wadanka Masaarida. Hoos ayaan u qoslay, waxaana ku idhi ninkii hadalka ii waday, “Walaal mucjiso ma aha, ee waa midho kamida midhaha barbaarinta, waa tababar iyo soo-saarid.” Igama yeelin, mana garwaaqsanine wuxuu ii sheegay inuusan i fahmin. Waan ka tagay maalmo kadib ayaan la kulmay sidoo kale odayaal hadal haya wiilkii yaraa kuna tilmaamaya mucjiso, markaan dhagaystay hadalkoodii ayaan ku idhi, “Faalo maka dhiiban karaa arrintan?” Waxay yiraahdeen, “Haa waad ka dhiiban kartaa.” Waxaan u sheegay xogtii aan ka ogaa oo ahayd in wiilkan yari la yiraahdo Muslim Saciid, una dhashay wadanka Masaarida, sidanna lagu soo gaadhsiiyey barbaarin iyo carbin, waxaan u sheegay in barnaamujkiisa soo-saaray sheekh la yiraahdo Maxammad Xassaan. Waana sida uuba qiranayo wiilka yari oo ku leeyahay gunaanadka khudbadiisa, “Waxaan u mahad celinayaa sheekhayga Maxammad Xassaan ee isoo barbaariyey.”
Markaan intaa marayo ayuu su’aal isoo dhexgaliyey mid kamida dadkii wuxuuna waydiiyey, “Siday ku dhacday ilmo intaa la eg inuu khudbadeeyo?” Waxaan ku idhi, “Sheekh waxani waa midhihii tarbiyada iyo barbaarinta, ilma walba oo hela barnaamujka barbaarinta ee uu helay kan yari waxaa shaki la’aan ah inuu noqon karo isagoo kale ama kaba sii fiicnaan karo, waxaa kaloo iyaduna meesha ku jirta, fahmada, oo dadku way kala fahmo badan yihiin, inkastoo fahmadaasi noqon karin wax korka laga qabto ee fahmadu way siyaabo badan tahay.”
Waxaan kaloo ka xusuustaa wixii aan ku idhi, “War caruurteena boodhka qasanaysa haddii ay helaan barbaarin si qumaati ah loo qabanqaabiyey, waxaa shaki la’aan ah inay noqonayaan kuwo lamid ah wiilkan aad moodaysaan mucjiso soo daahirtay.
Hadaba hadday saa tahay, wayba tahaye, waxaa loo baahan yahay in la helo barnaamujyo cilmiyeysan oo ku aadan barbaarinta ubadkeena, sida runta ahna, ma taagna barbaarinteenu heerkii la rabay, mana saxna in si looxjiida aan ku barbaarino ubaxeena, waa in la helo mashruuc wacyi galin ah, waa in la helo barnaamuj isku dheelitiran oo iskudubarida barbaarinta caruurteena iyo barbaarteena, kaasoo si isku mid ah uga ambaqaadaya guriga, iskuulka, masaajidka, iyo warbaahinta nooc walba oy tahay.

Xilka saaran waalidiinta
Waalidiinta waxaa saaran xil iyo mas’uuliyad aan fududayn, oo Ilaahay kala xisaabtami doono, waxaa saaran mas’uuliyada barbaarinta ubadka ay dhaleen, waxaa laga doonayaa inay ka adkaadaan korintooda iyo barbaarintooda, waxaa laga doonayaa aabaha iyo hooyadaba inay ku ababiyaan ubadkooda aadaabta Islaamka, una kala sheegaan waxa san iyo waxa xun, waayo, haddii ay qolloocdaan ubadku adeb la’aan iyo barbarian xumo heshay darteed, waxaa dambigaas tunka saaranaya waalidiintii hagraday kuna tagrifalay barbaarintoodii. Sidaa awgeed ayaa Ilaahay farayaa dadka mu’miniinta ah inay ka ilaaliyaan naftooda iyo eheladoodaba naarta, wuxuu yiri Ilaahay (subxaanahuu watacaalaa):

66:6

[Kuwa xaqqa rumeeyow, ka dhawra naftiina iyo ehelkiina naar lagu shido dad iyo dhagax ay kana (shaqeeyaan) malaa’ig adag oo daran oon Eebbe ku caasiyeyn wuxuu faro, falana wixii la amro.]
Taxriim 6

Maxay tahay kaalinta waalidiintu ay ku leeyihiin ilmahooda?
Sida diinteenu noo caddaynayso, ilma waliba oo dhashaa wuxuu ku dhashaa Islaamnimo, laakiin Islaamnimadiisa waa mid duruufuhu badali karaan, duruufaha badalayana waxaa ugu horeeya waalidiinta dhalay ilmahaas, hadday yihiin Islaam, way badbaadinayaan Islaamnimadii ilmuhu kusoo dhashay. Haddiise ay waalidiintu yihiin gaalo seeggan xaqa, waxay markaas ugu badalayaan Islaamnimadii toodii ay aaminsanaayeen.
Wuxuu Rasuulku (s.c.w) yiri:

كل مولود يولد على الفطرة، فأبواه يهودانه، أو ينصرانه، أو يمجسانه.) متفق عليه).

[Ilma walba oo dhashaa wuxuu ku dhashaa Islaamnimo, laakiin labadiisa waalid ayaa yahuudeeya, ama kiristaamiya, amaba ka dhiga cawaan dab-caabud ah.]
Rasuulka (s.c.w) wuxuu noogu sheegayaa xadiiskan in ilma kasta marka uu dhalanayo ku dhasho Islaamnimo isagoo aaminsan Ilaahay kaligii in uu abuuray isaga iyo uunka oo dhan, laakiinse gaalnimadu kaga timaado xagga waalidiintiisa oo ku shuba waxa ay aaminsan yihiin, hadday Yahuud yihiin waxay ka dhigayaan ilmahaas Yahuudi, haddii ay yihiin Kiristaan waxay ka dhigayaan Kiristaan, hadday yihiin Dab-caabudna waxay kadhigayaan, Dab-caabude, haddaba maxay tahay kaalinta waalidiinta Muslimka ihi ku leeyihiin ilmahooda, haddii ilmihiiba yahay marka dhalanayo Muslin? Waalidiinta muslimka ihi waxay leeyihiin kaalin culus oo ah inay ilaaliyaan Islaamnimadaa ilmahoodu kusoo dhasheen, waa inay ka ilaaliyaan doorsoon ku yimaada fidradaa iyo Islaamnimadaa ay ku dhasheen, waa in la siiyaa ilmaha tarbiyo Islaami ah oo dhidibada u aasta daacadnimada ay la soo dhasheen. Arintaasina waa waajib saaran waalidiinta lagalana xisaabtami doono Ilaahay hortiis markii la tago.

Maxay Tahay Barbaarintu?
Barbaarintu waa badalaad toos ah oo lagu sameeyo dhaqanka ruuxa la barbaarinaya. Waxaan ognahay isbaddal kasta oo ku yimaada dhaqanka qofka, inuu gundhig u ahaa barbaarin soo martay qofkaas, ha dareensanaado amase yuusan dareensanaanine, sidaa awgeed barbaarintu ma aha wax hal mar qofka badala ee waa hawl socota waqti dheer, kadibna istarta markay muddo socoto, iyadoo dhaxalsiinaysa qofkaas dhaqan iyo caadooyin la cimriya inta uu nool yahay.

Baahida loo qabo barbaarinta
Baahida loo qabo barbaarinta iyo isbadalka wanaagsan waa mid aad u baaxad wayn, haddii baahidaasna la dabooli kari waayo waxaa shaki la’aan ah in bulshadu gabi ahaanba ay ku hoobanayso god madow oon lahayn ilayska iyo nuxurka diinta Islaamku u sidday aadanaha, maxaa yeelay diinta Islaamku waa farriin loogu tala galay in la isku barbaariyo, la isku carbiyo, la isku baddalo si loogu guulaysto itaxaanka adduun ee aadanaha Rabbi (s.w) u dhigay aduunka. Haddii marka la waayo barbaarin wanaagsan oo aadanaha u horseeda dadaal iyo suubanaan ay kaga gudbaan itaxaanka adduun uguna gudbaan aakharo iyagoo haysta dhibicyo badan oy ku galaan jannada oo Rasuulku (S.C.W.) tilmaamay inay tahay badeecadii Ilaahay oo qaali ah, waxaa dhacaya haddii intaas la waayo khasaaro aan laga soo waaqsan doonin aakharo iyo aduunba.
Sidaa la ajligeed, ayaa loo baahan yahay in la helo barbaarin iyo tarbiyad wanaagsan, waxaana laga rabaa ruux kasta oo Muslin ah inuu ugu horaantii ku dadaalo sidii uu ku barbaarin lahaa naftiisa, kadibna ku barbaarin lahaa qayrkiis, waayo ninkii tiisa daryeela ayaa tu kale daryeeli kara.
Taasina waa midda looga fadhiyo waalid walba inuu marka hore naftiisa hagaajiyo si uu ugu qalmo barbaarinta ubadkiisa

Tiirarka Barbaarinta
Sidaan soo sheegnay barbaarintu waa xil wayn oo ku taagan tiirar shan ah, markii la helo tiirarkaas shanta ah ayaa la helayaa barbaarin wanaagsan oo wax ku ool ah.
1. Barbaariye: waa in la helaa barbaariye ku tilmaaman astaamahan hoos ku xusan:
– is-habayn: waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa tiisa daryeelaa tu kale daryeela, oo ka dhigan qofka isagu wax noqda amaba ishabeeya ayaa dadkana wax u tari kara waxna anfici kara, hadaba si loo helo ubad barbaarin wanaagsan leh, waxaa laga rabaa barbaariyaha inuu yahay qof u qalma inuu wax barbaarin karo, waa inuu ahaadaa qof isagu naf-ahaantiisu ku tilmaaman tilmaamaha la doonayo in lagu barbaariyo barbaarta, waa inuu yahay qof noqon kara tusaale ay ka dheehan karaan ubadku dhaqan iyo dabeecad wanaagsan.
– ku dayasho: ku dayasho wanaagsan: ilmuhu wuxuu indhaha ku furaa waalidiintiis, iyaga ayuu ka shidaal qaataa, agtiisa waxa sani waa waxa agtooda ka san, waxa xumina waa waxa agtooda ka xun, hadaba waalidow waxaa lagaa rabaa inaad u noqotid ilmahaaga tusaale wacan oy ku daydaan, sidoo kale macalimiintu waa inay u noqdaan ardayda tusaale ay ku dayan karaan.

Boragaraamayn iyo laylin
Hawsha ugu mudnaanta badan ee uu qabanayo barbaariyuhu waa hawsha ay ku tibaaxeen culumada barbaarintu ‘boragaraamayn’ oo ka dhigan in barbaariyuhu uu ku barogaraameeyo ubadka uu barbaarinayo wax kasta oo la doonayo inay ku ababaan. Ereyga boragaamayntu ma aha eray la iska soo qaatay ee waa erey sita macno xeeldheer oo xambaarsan tusaalayaal la fahmi karo, sida muuqata waxaa laga soo qaatay eraygan cilmiga kombiyuutarka, hadaba sida kombiyuutarka loogu shubo boragaraamada la rabo in la adeegsado ayaa waxaa looga fadhiyaa barbaariyahana inuu ku shubo ubadka uu barbaarinayo borogaraamka uu rabo inuu ku barbaariyo.
Waxay kaloo ku tilmaamaan culumada barbaarintu ilmaha yari inuu la mid yahay cajal madhan oo lagu duuban karo wixii hadba la rabo in lagu duubo, macno ku aadan arintanna waxaaba noo sheegay Rasuulka (s.c.w) oo yiri:
[Ilmo kastaa wuxuu ku dhashaa Islaamnimo, kadibna waxaa ka dhiga yahuudi ama kiristaan ama dab-caabude waalidkiis.]
Hadaba waxaa xasuus mudan inaan ogaanno meelaha aan la tiigsanayno boragaamaynteena, waana meelahan hoos ku xusan:
– Caqligiisa: waa inaad ku shubtaa aqoon anfacda aakharo iyo aduunba.
– Ruuxdiisa: waa inaad ku shubtaa diin iyo jacaylka Ilaahay, si uu ilmuhu ugu xirmo Ilaahay (s.c,) u noqdana ilmo adeeca waxa Ilaahay faray ka reebtoomana waxa uu reebay. Cibaadaduna waxaa lagu qeexaa inay tahay: magac kulansada wax walboo Ilaahay jecel yahay, raalina ka yahay oo ah hadalo, iyo falal kuwooda muuqda iyo kuwooda aan muuqanba.
– Jirkiisa: waa inaad dabooshaa baahidiisa nolaleed, kana haqabtirtaa gaajo iyo oonba.
– Naftiisa: waa inaad habaysaa bahida ay qabto naftiisu, si aysan u halaagin, waayo naftu way hawo badan tahay, haddii aan la habayna way seeto goosataa waxayna aad uga heshaa waxa xun, iyo shuqul shaydaan oo dhan.
2. Labarbaariyaha: waa ubadka iyo cid walba oo u baahan dhaqan celin iyo tubtoosin.
3. Tixraaca barbaarinta: Manhajka Tarbiyada: waa inuu jiraa manhaj la tixraacayo, waana inuu ku salaysnaadaa sharciga Islaamka.
4. Qaababka la adegsanayo: wadiiqooyinka wax lagu barbaarinayo waa inay yihiin kuwo si taxadar leh loo doortay, loogana baaraandagay waxtarkooda, qaababka wax lagu baariyana waxaa ugu wanaagsan qaababkii Rasuulka (s.c.w) uu adeegsan jiray oo runtii ah dastuur ku filan barbaariye walba.
5. Ujeedada Barbaarinta: waa in la helo ubad hagaagsan, oo baari ah, oo xambaari kara xilka ubadnimo ee Ilaahay (s.c.w) ku tilmaamay inuu yahay xaq aad u wayn. Ilaahay (s.c) wuxuu yiri:

(وَاعْبُدُوا اللَّهَ وَلَا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا ۖ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا)

[Caabuda Ilaahay, oo ha la wadaajina cibaadada waxna, labada waalidna u sama fala.]

Hadaba haddii aan la barbaarin ubadka barbarian wanaagsan, kama soo bixi karaan xilka ubadnimo, mana ahaanayo ubad baari ah oo u sama fala waalidkiis.

Tiirarka Barbaarinta
– Barbaariye
– Labarbaariye
– Ilanka Barbaarinta
– Qaababka Barbaarinta
– Ujeedada Barbaarinta

Cutubka 2aad

Maxaa kula gudboon intaadan noqon waalid?
Duco iyo istikhaaro
Cayniqabasho xilo wanaagsan

Maxaa kula gudboon intaadan waalid noqon

U hiili ilmahaaga!
U dooro ilmahaaga Hooyo ama Aabo wanaagsan
Tallaabada koowaad ee la qaadayo marka lagu taamayo in la helo ubad tarbiyad wanaagsan, waa tallaabada ah in la helo lammaane ku tilmaaman diin iyo dabeecad wacan, sidaa awgeed ayaa lagu adkeeyey mid walba in uu raadsado xaas wanaagsan oo sita diin iyo dhaqan wacan, arintanna shareecada Islaamku aad ayey u fartay waxayna in badan ku celcelisay in ay noqdaan labada qof ee uu dhexmarayo xiriir iyo xarig sharciga ah laba qofood oo ku tilmaaman diin iyo habdhaqan wacan.
Wuxuu yiri Rasuulku (s.c.w): [Haddii uu idiin yimaado nin aad ka raali tihiin diintiisa iyo akhlaaqdiisa, u guuriya hadii aad yeeli waydaan fidno balaashan baa dhici…]
Wuxuu kaloo yiri Rasuulku (s.c.w): [Waxaa loo guursadaa haweenayda afar arimood, xoolaheeda, nasabkeeda, quruxdeeda iyo diinteeda, ee ku guulayso tan diinta leh, aad barakowdide.]
Ujeedada ay shariicadu ka leedahay xulashada noocan ah, waa ujeedo ku salaysan in la helo qoys ku dhisan tiirarka Islaamka oo ku soo biiriya umadda Islaamka ubad baari ah oo loo aayo, waa in la helo qoys siduu u dhan yahay ilaaliya xuquuqda Ilaahay iyo tan aadanahaba.
Marka waxaa laga rabaa qof kasta oo Muslin ah in uu ku saleeyo guurkiisa diinta Islaamka, taas oo ka dhigan in uu guursado lammaane diin leh, oy isku kaalmaystaan diinta Ilaahay, nolashooda adduun, iyo waliba barbaarinta ubadkooda Ilaahay siiyey.

Maxaa dhici haddii labada waalid midkood khariban yahay?
Haddii laba waalid midkood dhaqan xun yahay, waxaa shaki la’aan ah inuu soo gaarayo barbaarinta ubadkooda dhaawac laxaad leh, oo wiiqa dadaaladii ay ugu jireen inay ku helaan caruur hagaagsan oo baarri ah. Taasi siday ku timaado waa mid la fahmi karo waana sidan: waxaan ognahay in aabuhu u yahay ilmihiisa tusaale ay si gaar ah ugu hayaan isha, ilmuhu marka uu yar yahay wuxuu qabaa in aabihiis wax ka fiicani jirin, wuxuu aaminsan yahay in aabihii ugu xoog badan yahay ragoo dhan, uguna caqli badan yahay, taas waxaad ku garan kartaa ilmaha markii uu wax kaa qoonsado wuxuu kugu dacweeyaa abihiis ama wax uu kugu dhihi wallaahi aabahay ayaan kuu sheegi. Wuxuu aaminsan yahay si kalsooni buuxdo ku jirto in aabihii kaa celin karo.
Hadaba ilmihii sidaas ahaa ee kalsoonidiisa u dhiibtay waalidkiis, haddii uu la kulmo aabo xun oo saaqid ah oo afxumo badan, sigaaryacab ah, qaadka cuna ama balwad kale leh, wuxuu bilaabayaa ilmahaasi inuu canjilo oo uu sameeyo waxa uu ka arko aabihii ama ka maqlo. Wuxuu ka baranayaa afxumada, balwadda iyo ixtiraam darradaba. Sidoo kale hooyadu aabaha bay la mid tahay waxayna ku leedahay ilmaheeda saamayn weyn, waayo hooyadadu waa tan mar walba ka war haysa barbaarinta ubadkeeda, hadaba hooyadu haday tahay hooyo xun oo afxumo badan, ixtiraam darran, mar kasta ku cayda saygeeda caruurtiisa hortooda, amaba dariska dhibta oo xasarad badan, markaas waxaa muran la’aan ah in ilmaheeduna kaga dayanayaan waxa ay ku arkeen hooyadood.
Waxayna noqonayaan ilmo gardarro iyo daandaasi meel u fadhiya, waxay noqonayaan ilmo afxumo badan, jaarku ama dariskuna aad uga soo cabto.

Duco
Marka aad u doorato ilmaha aad dhali doonto hooyo fiican ama aabo fiican, wuxuu kugu leeyahay hadana inaad u ducayso, ood Ilaahay ka barido inuu ku siiyo ubad wanaagsan ood ku indha qabawsatid, maxaa yeelay, ubadku marna waa nimco marna waxaa dhici kartaa inay kugu noqdaan ibtilo Ilaahay qoorta kuu galiyey, sidaa awgeed ayuu Qur’aanku tilmaamayaa mu’miniita inay yihiin kuwa Ilaahay waydiista ubad baari ah oy ku indha qabawsadaan. Wuxuu yiri (s.c):

25:74
[Mu’miniintu waa kuwa dhahaya Rabbiganow nooga hibee xaasaskanaga iyo ubadkanaga indha qabawsi, noogana yeel dadka Ilaahay ka cabsada imaam iyo hoggaan.]
Nabi Ibraahiim (c.s.) iyo Nabi Ismaaciil (c.s.) markay taagayeen tiirarka Kacbada waxaa kamid ahaa ducadoodii:

[رَبَّنَا وَاجْعَلْنَا مُسْلِمَيْنِ لَكَ وَمِن ذُرِّيَّتِنَا أُمَّةً مُّسْلِمَةً لَّكَ]

[Rabiganow naga yeel kuwo kuu hogaansan, ubadkanagana ka yeel ubad kuu hogaansan.]

Meel kale wuxuu kaloo ku ducaysanayey Nabi Ibraahim (c.s.)

37:100

[Rabbiyaw ii hibee ubad saalax ah oo suuban.]

14:40
[Rabbi iga yeel mid ooga salaadda, ubadkaygana ka yeel, Rabbiganow naga aqbal ducada.]

[وَاجْنُبْنِي وَبَنِيَّ أَن نَّعْبُدَ الْأَصْنَامَ]

[Iga dheeree aniga iyo ilmahaygaba inaan caabudno asnaamta.]

[رَبِّ أَوْزِعْنِي أَنْ أَشْكُرَ نِعْمَتَكَ الَّتِي أَنْعَمْتَ عَلَيَّ وَعَلَىٰ وَالِدَيَّ وَأَنْ أَعْمَلَ صَالِحًا تَرْضَاهُ وَأَصْلِحْ لِي فِي ذُرِّيَّتِي]

[Eebow igu toosi inaan kugu mahadiyo nimcadaada aad iigu nimcaysay, aniga iyo waalidiintay, iguna toosi inaan camal fiican ood ka raali tahay falo, iina wanaaji faracayga, ubadkayga.]
Gacmo wada jirbay wax ku gooyaan
Isfahan ivo iskaashi
Isfahanka labada waalid iyo kaalinta ay ku leedahay korinta iyo barbaarinta ubadka

30:21

Dhugta arrimahan hoos ku xusan si aad u heshaan jacaylka iyo naxariista Ilaahay ku xusay Qur’aankiisa:
1. Ka fogaada inaad isbarbar dhigtaan qayrkiin, waayo, waad ka duwan tihiin dadka kale, dabeeco iyo qaabba waa inaad xaaladiina iyo sadkiina kadabsataan.
2. Ka fogaada inaad is dacaayadaysaan, amaba midkiin midka kale ku tilmaamo, iin uu leeyahay, taas oo uu ka qabo cuqdad danqaysa mar kasta oo lasoo hadal qaado.
3. Isku ammaana dookhiina, hana caaluqin waligaa dookha lammaanahaaga. Waayo, cid walba way jeceshahay in la ammaano.
4. Ka fogaada dhaleecaynta qayaxan, kuna dadaal inaad wax ku badashid waano iyo waxsheeg aan wax sii qasayn.
5. Waligaa wax haka sheegin cuntada xaaskaaga, hana barbardhigin cunta kale oo kusoo aragtay cid kale sida walaashaa ama hooyadaa ama guriga saaxiibkaa.
6. Afkaaga ka ilaali ammaanida gabar kale, oo gayaankaa ah.
7. Is waydaarsada hadiyadaha, gaar ahaan markay jiraan munaasabaadka xasuusta mudan.
8. Yuusan midkiin midka kale quursanin, hana ahaato aragti walba oo midkiin qabo mid mudan qadarin iyo daryeel.
9. Ka fogaada inaad dadka kale hortooda aad isku canaanataan, amaba aad isku
cambaaraysaan.
10. Afkiina ka ilaashada, ereyada qaawan, afxumada siiba markaad carootaan.
11. Ha isku canaananina waxa ku yimaada halmaan, waayo halmaan hadal kuma jiro, qalinkana lagaba qaad.
12. Isasiiya waqti aad ku falanqaysaan arimaha qoyskiina, idinkoo waliba raacaya
hanaanka ismaqalka iyo wadahalku leeyahay.
13. U arka dilaac kasta oo ku yimaada darbiga qoyskiina mid ay u taalo dayactirkiisu labadiina.
14. Ha u dhagraariciyo mid kastaa waanada iyo talada uu soo jeedinayo midka kale markay timaado mushkilo xal u baahan.
15. Ha ku dadaalo mid walbaa inuusan codkiis kor u qaadin marka uu la falanqaynayo arrin lamaanihiisa.
16. Ha ka dhiibo cudur daar haddii midkiin laga gar helo.
17. Haka war hayo, ninku hadba xaalada xaaskiisu ku sugan tahay, haddii ay ku jirto mudadii caadada oo ay noqdaan gabdhaha badankood neerfoos iyo xayraan.
18. Iskugu yeera magacyadiina kaad ka heshaan in la idinku yeero.
19. Marka midkiin guriga kusoo laabto, la imow salaam diiran iyo waji furan oo
bashaash ah.

Cutubka 3aad

Waalidnimaad u diyaar tahay
Ducayso oo Ilaahay (s.w.) waydiiso
Shaydaanka ka xirsi xiro

.
Difaac adag u dhig ilmahaaga
Wuxuu Rasuulku (s.c.w.)

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم، [لو أن أحدكم إذا أتى أهله قال: بسم الله، اللهم جنبنا الشيطان وجنب الشيطان ما رزقتنا، فيولد بينهما ولد، فلا يصيبه الشيطان أبدا). متفق عليه

[Haddii midkiin marka uu u tagayo xaaskiisa yiraahdo: ‘Bismillaah, magaca Ilaahay ayaan ku hawlgalayaa. Allow naga dheeree shaydaanka, kana dheeree shaydaanka waxa aad nagu irsaaqday,’ oo u dhasho labadooda ilmo, ma asiibayo shaydaanku ilmahaas waligiis.]
Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim.

Xadiiskan waxaan ka faa’idaysanaynaa in ay muhim tahay in ilmaha si ka hortag ah shaydaanka looga difaaci karo inta uusan dhalan, taasoo u noqonaysa ilmaha gaashaan ka badbaadiya shaydaanka iyo duufsigiisa.

Bishaarada Waalidnimada
Waalidnimadu waa deeq Ilaahay siiyo adoomihiisa kuwuu doono, sidoo kale waalidnimadu waa dareen ku abuuran ruuxa, qof walbaana wuxuu jecel yahay inuu arko ubad ku abtirsada, hadaba nimcadaas qiimiga badan haddii aad hesho bishaaradeeda waxaa lagaaga baahan yahay inaad ku gudoonto si farxad wayni ku dheehan tahay, waxaana fiican inaad Ilaahay ugu shugri naqdo nimcada uu ku siiyey.
Waxaa kaloo lagaa rabaa inaad ku ducaysatid inuu Ilaahay ku siiyo ubad kheyr qaba, ood ku indho qabawsatid, kuuna noqda sadaqo kaa harta kuuna socota markaad dhimato.

Gabdho Nacaybka
Waxaa ka buuxa nolosheena Soomaali haddaan nahay dhaqamo jaahili ah oo aan waafaqsanayn diinta Islaamka, waxaa kamida dhaqamadaa jaahiliga ah aragtida aan ka qabno gabdhaha, waxaa jirta ama jiriba jirtay in laga jecel yahay wiilasha gabdhaha, isku sina aan loogu farxin markay dhashaan, taasina waa dhaqan naga soo gaaray noloshii jaahiliga ahayd ee Islaamka ka horaysay, waxaa dhaqankaas caan ku ahaa Carabtii jaahiliga oo ahayd ummad aad u liida haweenka iyo gabdhaha, way aasi jireen, tooda aan la aasinna waxaa loola dhaqmi jiray si bani’aadannimada ka baxsan, waxay la mid ahayd gabadhu agabka guriga yaala oo kale.
Hadaba si aan ka fogayn dhaqankii jaahiliga ee Carabta ayaan ula dhaqannaa gabdhaha, waxaa caadi noo noqotay in haddii aabaha Soomaaliyeed loogu bishaareeyo gabadh inuusan u arkin bishaaro ee uu u arko balaayo lugta lasoo gashatay, marka loogu bishaareeyana intuu isbadalo ayuu gafuurka sii duwi jiray, haddii isaga la waydiiyo, ‘War xaaskii maxay umushay?’ Wuxuu dhihi jiray: ‘Waxba mayna dhaline iyadaa isdhashay.’
Dhaqankani si toos ah ayuu diinta uga soo horjeedaa, waana dhaqan jaahili ah oo Ilaahay kaga waramay Qur’aankiisa, wuxuu yidhi:

16:58

16:59

[Haddii loogu bishaareeyo midkood dhaddig wuxuu ahaanayaa wajigiisu mugdi la madoobeeyey, isagoo xanaaqsan, dadka ayuu iska qarinayaa waxa loogu bishaareeyey xumihiisa dartiis, wuxuuna isdhahayaa: ma iskaga haysataa dulligeeda, misna waxaad xuluulisaa ciidda. xumaa waxa ay xukumayaan.]
Hadaba waxaa waajib nagu ah inaan ka tagno oo ka hortagno lana dirirno aragtidaa qalloocda een ka haysanno gabdhaha, waa inaan u aragnaa ubadku inay isku mid yihiin, wax ay ku kala duwanaan karaanna waa inta Ilaahay sheegay oo kaliya, laakiin xaq siman bay u leeyihiin waalidnimada, korinta, jacaylka, waxbarashada iyo barbaarinta guud ahaanba.
Waxaan ognahay inaan gabdhaha waxba la bari jirin, iyadoo waalidkeedu uu u qabo in gabadh aysan uba baahnayn waxbarasho iyo diin toonna.
Waxaa dhici jirtay in sheekha dhan ee reerku ku taxan yahay gabadhiisa ama xaaskiisu aysan tukan, isagoo waliba u dirsanaya waysadiisa hadh iyo habeenba.
Waxaasi waa fahan qaldan oy habboon tahay inaan ka wareegno, dadka ku jirana aan uga digno, waayo gabadh iyo wiilba Ilaahay agtiisa adoomo bay ka yihiin waana la xisaabayaa, iyadoo lagu abaalmarin doono mid walba waxa uu kasbaday. Ilaahay (s.w.) wuxuu yiri:

16:97

[Qofkii sameeya wanaag oo kamida lab iyo dhadig isagoo rumaysan, waanu noolaynaynaa nolal fiican, waxaana ku abaal marinaynaa ajirkoodii wax ugu fiican waxa ay samaynayeen.]

Cutubka 4aad

Maxaad yeeli haddii Ilaahay ilmo ku siiyo?
Dhagaha kaga adin
Dhab xanaga timir u mari
U wan qal
U xiir
U magac bixi
Gud

.
Dhagta midig kaga adin
Marka uu ilmuhu dhashto waxaa sunno ah, in dhagta midig lagaga adimo, waxaa laga wariyey Abuu Raafic (Alle haka raali ahaadee): [Waxaan arkay Rasuulka (s.c.w) oo ku adimaya dhagta Xasan ibnu Cali markii ay saa u umushay Faadumo.]
Wuxuu leeyahay Sheikh Ibnul Qayyim isagoo faalaynaya murtida laga leeyahay dhag-adinka: “Murtida laga leeyahay adinka iyo aqinka, wa murti looga golleeyahay in dhagaha ilmaha lagu garaaco tawxiidka iyo midnimada Ilaahay, iyo in laga yeelo waxa ugu horeeya ee dhagihiis maqlaan shahaadada uu qofku ku galo diinta Islaamka, waxaana muran lahayn in saamayn ku yeelanayo adinku, yaaba la dareemine.”
Waxaan ognahay in shaydaanku ka cararo kana baxsado eedaanka maqalkiisa, sidaa darteed ayaa la rabaa in ilmaha markuu saa usoo dhashaba shaydaanka laga eryo laguna dhaho wax aad ilmahan ku leedahay ma jiraan meesha ka carar.
Sidoo kale shaydaanku wuxuu darbeeyaa ilmaha markuu saa u soo dhaco, taasaana keenta oohinta iyo jaqaaqda uu ilmuhu la soo dhaco, wuxuu yiri Abuu Hurayrah (r.c.), “Dhawaaqa ilmaha marka uu soo dhaco waa qudquddayn iyo gujjo shaydaan.”
Waxaa kaloo ku cad xaddiis uu Abuu Hurayrah (r.c.) warinayo, ‘Waxaan maqlay Rasuulka (s.c.w.) oo leh:
[Majiro ilmo ina Aadan ah, (Maryamo iyo wiilkeeda mooyaane) oo shaydaan taabanin marka uu soo dhalanayo, taabashada shaydaanka darteeda ayuu ilmuhuna la dhawaaqaa.]
Waxaa wariyey Bukhaari.

Waxaa laga wariyey Ibnu Cabbaas inuu yiri: “Ilma walbaa wuu ooyaa wuuna dhawaaqaa – markuu dhalanayo – taasina waa mid uu ku sameeyey shaydaanku oo calooshiisa ayuu tuujiyaa markaa uu ilmuhu dhawaaqaa, sidaa awgeed ayuu adinku u noqdaa ilmaha laag iyo darbo ka dalfinaysa shaydaanka oo ah nin ku dhaartay inuu duufsado ilmo Aadan.”

Ducada lagaga naaro caruurta shaydaanka

كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يعوذ الحسن والحسين رضي الله عنهما – أعيذكما بكلمات الله التامة من كل شيطان وهامة ومن كل عين لامة

[Wuxuu ahaa Rasuulku (s.c.w.) kii uga naara shaydaanka Xasan iyo Xuseen (Alle haka raali ahaadee): ‘Uciidukumaa bikalimaatillaahi-ttaammaati min kulli shaydaanin wa haammah, wa min kulli caynin laammah.’ Waxaan idinkugu magan galinayaa kalmadaha Ilaahay ee dhamayska tiran shaydaan kasta iyo halaq iyo qarjaajuf walba, iyo il kasta oo wax dhabata (ilaysa).]

U hanbaliyeenta qofka cunug u dhasho iyo jawaabtiisa

بارك الله لك في الموهوب لك وشكرت الواهب وبلغ أشده ورزقت بره
ويرد عليه المهنأ فيقول – بارك الله لك وبارك عليك وجزاك الله خيرا ورزقك الله مثله وأجزل ثوابك

[Baarakallaahu laka fil mawhuubi laka, wa shakartal waahiba, wa ballaqa ashuddahu, wa rusiqta birrahu. Ilaahay ha kuu barakeeyo ilmahan laguu hibeeyay, adigana Ilaahay ha kaa yeelo mid ku shukriya Allihii kuu hibeeyey, hana ku gaarsiiyo hanaqaadkiisa (xoogiisa), ha lagugu irsaaqana wanaagiisa iyo baarinimadiisa.]
Wuxuu ugu jawaabayaa waalidka ilmaha dhalay, [Baarakallaahu laka wa baaraka calayka wa jazaakallaahu khayraa, wa rasaqakallaahu mithlahu wa ajzala thawaabaka. Ilaahay hakuu barakeeyo, korkaagana ha barakeeyo, khayrna ha kugu abaal mariyo, ha kugu irsaaqo isagoo kale, hana weyneeyo ajirkaaga.]

Dhanxanaga ilmaha ugu tir timir adigoo ugu ducaynaya barako badhaadhe:
Waxaa sunna ah sidoo kale in ilmaha markuu dhasho dhanxanagiisa loo mariyo timir la calaliyey waxaana sidaa loo yeelayaa si ilmaha yar loo baro tabtuu raashinka u cuni lahaa uguna tababbaran lahaa cunitaanka. Timirta sababta loo doortay waxa weeye iyadoo aad u macaan oo uu ilmaha yari macaansanayo iyo iyada oo ka kooban iskudhis lagu magacaabo guluukos kaasoo u baahnayn inay calooshu shiiddo oo isagu ah nafaqo diyaar ah, oo dhiigga si toos ah u raacda. Raashinka caadiga ihi wuxuu timirta kaga duwan yahay isagoo ka kooban iskudhisyo u baahan inay calooshu shiiddo oo jejebiso iskudhisyo ka fudud ilaa ay isu beddelaan guluukos.

Haddaba, maaddaama uu ilmaha yari awood daran yahay, calooshiisuna aanay weli u bislaan cunno shiidis, waxa habboon in la siiyo nafaqo diyaar ah sida caanaha hooyada oo uu ku jiro iskudhiska laktoos, ama timirta oo uu ku jiro glukoos, labadubana waa iskudhisyo fudud.

U wanqal imahaaga
Marka ilmuhu dhasho waa in la farxo oo damaashaad la dhigo, sidaa awgeed ayey diintu fartay in ilmaha loo wanqalo markuu dhashto, murtida wanqalka laga leeyahayna waa laba arimood: midda koowaad waa in la muujiyo farxadda dhalashadiisa, midda labaadina waa in laga furdaamiyo ilmaha shaydaanka, waayo Rasuulka (s.c.w.) wuxuu noo sheegay in ilmuhu rahman yahay shaydaanka inta aanan loo wanqalin, mar haddii loo wanqalo, shaydaanku wuu isdabarayaa, ilmihiina rahankii wuu ka baxayaa.

[قال رسول الله صلى الله عليه وسلم – [الغلام مرتهن بعقيقته فأهريقوا عنه الدم وأميطوا عنه الأذى

Wuxuu yiri Rasuulku (s.c.w.):
[Ilmuhu wuxuu ku rahmanyahay wanqalkiisa, ee ka daadiya dhiigga, kana fayda dhibka.]

Maxaa lagu wanqalayaa?
Cali bin Abii Daalib (r.c.) waxa laga weriyey inu Rasuulku (s.c.w.) Xasan ugu wanqalay ri dabeetana uu yidhi: [Faadumooy madaxa ka xiir, sadaqayso timihiisa muggood oo qalin ah.] Dabeeto intay miisaantay buu yidhi, waxay noqdeen qiyaastii hal dirham.

U xiir ilmahaaga, dhoorna ha u yeelin
Cumar (r.c.) waxa uu yidhi, “Waxaan maqlay Rasuulka (s.c.w.) oo dadka ka reebaya kolka ay ilmaha madaxa ka xiirayaan inay dhoor u yeelaan, waxaana uu yidhi: [Ama ka wada xiira ama u wada daaya]. Dhoorka waxaa uu Rasuulku (s.c.w.) ku tilmaamay timaha lagu reebayo madaxa fooddiisa ama labada dhafoor mid. Waxaa la weriyey in Rasuulku (s.c.w.) kolkuu tima-jaruhu Xasan iyo Xuseen madaxa ka xiirayo uu la joogi jiray oo aanu u dhaafi jirin keligii si uu ula socdo qaabka uu ugu xiirayo.

Abuu Bureydah nin la yiraahdo waxaa laga weriyey inuu yidhi: (Waqtigii Jaahiliyada kolka wiil dhasho intaan ri gawracno baynu dhiiggeeda gelin jirnay (madaxa kaga shubi jirnay), kolkuuse Eebbe Islaamka noo keenay ri baynu goowracaynay, wiilkana madaxa waynu ka xiiraynay, hase ahaatee sacfaraan baynu iska marin jirnay).
Waxaad halkaas ka garan kartaa in caadada Soomaalidu ay ku dhaqanto gaar ahaan reer miyigu, ee carruurta dhiigga la geliyaa tahay caado jaahili ah oo aan Islaamka shaqo ku lahayn,
Haddaba wax kun iyo afar boqol oo sano kahor Islaamku reebay maxaynu weli ugu raad joognaa Soomaaliyeey?

Doorashada Magaca Ilmaha
Udooridda magac qalma: waxaa looga baahan yahay waalidka in uu u doorto ilmihiisa magac wanaagsan oo bulshada maraya, si uu ugu farxo ilmuhu marka uu waynaado kuna dareemo jacaylka waalidiintiisu u qabaan, taas waxaa laga wadaa ilmuhu haddii loo bixiyo magac qalaad oo dadku ku maadsadaan, waxaa laga yaabaa in ilmahaasi cuqdad u qaado waliidkiisa, is-yiraahdana, kuma aysan farxin dhalashadaadii iyo habeenkii aad curatay, kadibna caaqnimo kasoo baxdo halkaas, waxaa jiray nin wiilkiisii u bixiyey Jucul oo ka dhigan xaarwalwaal, sheekadan aan kuu soo tabinayo waa sheeko dhacday waagii khilaafada Cumar ibnu Khadaab hadaba wiilkii loo bixiyey Xaarwalwaal wuxuu noqday wiil caaq ah, oo aad u kani adag, wuxuu go’aansaday inuusan qaadanba war uu wado aabihiis, odaygii wuu cadhooday kadibna wuxuu u dacwooday Amiirul-Mu’miniin Cumar ibnu Khadaab oo uu ku yiri, “Wiilkii aan dhalay ayaan u taaglaahay, wuxuu igu noqday will caaq ah.”
Kadib Cumar wuxuu u yeeray wiilkii, markii uu yimid wiilkii, ayuu waydiiyey Cumar, “Maxaad aabahaa u yeeli la’dahay? Maxaase kuugu wacan caaqnimada iyo kani adayga?”
Wuxuu yiri inankii loo bixiyey Xaarwalwaal, “Amiirka mu’miniintow, warkayga dhagayso, aabbahay isagaa caaq igu noqday intaan anigu ku noqon.” Isagoo yaaban ayuu Cumar (r.c.) yiri, “Siday ku dhacday taasi?” Wuxuu yiri inankii, “Aabbahay godab ayuu iga galay, taas ayaana keentay kani adaygayga, marka hore aabahay iima doorin hooyo fiican ee wuxuu hooyo iiga dhigay addoon, waliba u shaqaysa qoys Yuhuuda, midda labaad magac fiican iima doorin ee wuxuu ii bixiyey Xaarwalwaal, marka ninka intaas oo dhan ii gaystay maxaan ku yeelaa?”
Cumar (r.c.) wuu garwaaqsaday wuxuuna golihii kabixyey dardaaran uu ku leeyahay hala wanaajiyo caruurta hooyooyinkood hana loo doorto magacyo wanaagsan.

Sideed ugu dooran kartaa ilmahaaga magac fiican?
Ma aha ilmahaaga inaad u bixisid Xaarwalwaal ama magac cay iyo meel uga-dhac ku ah ilmahaaga, waa inaad u xushaa magac macaan oo maqalkiisa dhaguhu ku raaxaystaan, sidaa awgeed waa inaad maanka ku haysaa qodobadan hoos ku xusan markaad u magac bixinaysid ilmahaaga:
Waa in uu ahaadaa magacu magac macaan oo turxaamo lahayn.
Waa inuu aahaadaa magac xambaarsan macno wanaagsan.
Waa inuusan khilaafin macnihiisu shareecada.
Waa inuu yahay magac bulshadu qaban karto. Ma aha inaad u bixiso wiilkaaga Qataadah, oo kadibna loogu yeer Qataar, mana aha inaad u bixisid Sudays oo kadib loogu yeero Siidays. Tusaalayaashan aan soo qaatay iskama soo qaadan ee waa wax jiro oo dhacay, nin ayaa u bixiyey wiilkiisa Qataadah, markaasay wiilka ayeydiis damacday inay u yeerto, markaasay tiri: war Qataarow. Sheekada kale waxay ahayd nin ayaa u bixiyey wiilkiisa Sudays jacayl uu u qabo Sheekh Cabdiraxmaan Sudays, kadib dadkii uu la noolaa qaar kamida ayaa qaatay Siidays ileen makarayaan waa magac Carbeed oon laga aqoon deegaankooda.
Waxaan balaf ku maqlay in ninkii isaga ahaa wiilkiisii dambena u bixiyey Shuraym. Tolow maxay isagana ugu yeerayaan, malaha Shumburo bay ugu yeeri doonaan.
Waxaa sunno ah in magaca xun la iska badalo, waayo Rasuulku (s.c.w) markuu arko qof magac xun oo qalaad lagu magacaabo wuu ka badali jiray wuxuuna u bixin jiray magac ka fiican kii hore.
Ibnu Cumar (r.c.) waxaa laga weriyey Rasuulka (s.c.w.) uu yidhi: [Magacyadiinna kuwa uu Eebbe ugu jecel yahay waa Cabdullaahi iyo CabdurRaxmaan.]
Xadiis kale oo Rasuulka (scw) laga weriyey baa isna ahaa: [Isu bixiya magacyada nabiyaasha, magacyadana Eebbe waxaa uu ugu jecel yahay Cabdullaahi iyo CabdurRaxmaan, waxaana run badan Xaarith iyo Hammaam, waxaana ugu fool-xun Xarbi iyo Murrah.]

Sheeko
Cumar ibnu Khadaab (r.c.) ayaa la kulmay maalin maalmaha kamida nin reer miyi ah, markaasuu waydiiyey, “Magacaa?”
Markaasuu yiri ninkii, “Dhimbil.”
Wuxuu ku yiri Cumar ibnu Khadaab, “Ina ayaa tahay?”
Wuxuu yiri, “Ina Olol.”
Wuxuu ku yiri Cumar, “Reermaad tahay?”
Wuxuu yiri, “Reer Dab.”
Wuxuu yiri Cumar, “Xaggeed dagtaan?”
Wuxuu yiri, “Kululay, waxaan kasii dagnaa Holaclay.”
Markaasu yiri Cumar (r.c), “War oradoo gaar reerkiinii way gubteene.”
Markaasuu ninkii u orday dhinicii reerkiisa, markaasuu arkay gurigiisii oo holcaya.
Waxaa ku sugan axaadiis saxiix ah in magacyada Ilaahay ugu jecel yahay ay yihiin Cabdiraxmaan iyo Cabdullaahi. Wuxuu kaloo Rasuulku noo sheegay in magacyada ugu runta badan yihiin Xaarith iyo Humaam, kuwa ugu foolxunna yihiin Xarbi iyo Murrah.

Cutubka 5aad

Waalid baan noqdaye maxaa ila gudboon?
Dareen xilkasnimo
Aqoon iyo khibrad kororsi
Astaamaha waalidka fiican
Astaamaha waalidka xun
Mar haddii aad waalid noqotay waxaa kula gudboon inaad muujisid dareen u qalma waalidnimada, waa inaad noqotaa qof xilkasa oo kasoo dhalaali kara xilka waalidnimo, waayo mar haddii aad waalid noqotay waxaa kugu soo biiray mashruuc iyo mas’uuliyad wayn, oo mudan inaad Ilaahay tala saarato waydiisatana inuu kuu fududeeyo xilkaas wayn, maxaa ka wayn xil lagaa rabo inaad adiga iyo ehelkaagaba ka badbaadisid naar shidaalkeedu yahay dad.

Astaamaha waalidka wanaagsan
Waalidka wanaagsani waa midka xilkaska ah, ee dareensan xilka waalidnimo ee uu xambaarsan yahay.
Waalidka wanaagsani waa midka kalgacayka ku barbaariya ubadkiisa, una muujiya mar walba inuu jecel yahay.
Waalidka wanaagsani waa midka u noqda ilmihiisa tusaale sare oy ka dheehan karaan wanaagga iyo suubanaanta.
Waalidka wanaagsani waa midka la saaxiiba ilmihiisa.
Waalidka wanaagsani waa midka ku barbaariya ilmihiisa isqadarin iyo ixtiraam ay u hayaan waalidkooda iyo dadka oo dhan.
Waalidka fiicani waa midka ku ababiya ilmihiisa diinta Islaamka iyo aadaabteeda.

Astaamaha waalidka xun
Waalidka xumi waa midka aan xilkaska ahayn.
Waalidka xurni waa midka aan dan iyo muraad toona ka lahayn ubadkiisa.
Waalidka xumi waa midka ilmihiisa ku barbaariya adebdarrada iyo anshixumada
Waalidka xumi waa midka diinta aan barin ilmihiisa iyo reerkiisa.

Cutubka 6aad

Dhinacyada barbaarintu beegsanayso
– Jirka
– Caqliga
– Ruuxda
– Nafta

Noocyada Barbaarinta
Manhajka barbaarinta ubadka waa inuu ahaadaa mid daboolaya baahida ilmaha oo idil, baahidaas oo lagu tibaaxo inay tahay waxyaabaha naftu ka kooban tahay oo ah jir, ruux. caqli, iyo naf.

Kobcinta jirka
Caanaha hooyada
Maxay yihiin faa’idooyinka caanaha hooyada?
Caanaha hooyadu waa nafaqada ugu roon ee la siiyo caanonuugga, wuxuu caddeeyey baadhitaankii lagu sameeyey caanaha hooyadu inay ku jiraan curiyayaal nafaqo oo uu u baahan yahay caananuugu, waxay dhakhaatiirtu isku raaceen in lagama maarmaan tahay in ilmuhu jaqo naaska hooyadii ilaa lixda bilood ee ugu hooraysa cumrigiisa.
Lixda bilood kadib waa in loo raaciyaa caanaha curiyayaal kale oo u kaba caanaha hooyada.
Waxaa kamida faa’idooyinka caanaha hooyadu leeyihiin kuwan hos ku xusan:
1. Waxay caawisaa nuujinta caadiga ihi, noqodka makaanka hooyada oo kusoo noqda dhumucdii ama sayskiisii caadiga ahaa ee uu lahaa intii ka horaysay dhalmada. Waxay kaloo nuujinta caadiga ihi ka hortagtaa dhiigfuranka yimaada aalaa dhalmada kadib.
2. Nuujintu waa wado looga hortagi karo uurka, siiba lixda bilood ee ugu horaysa, oo haddii hooyadu si qumaati ah u nuujiso waxaa badan inaysan uur qaadin.

Faa’idooyinka ay ilmaha u leeyihiin
Caanaha hooyadu mar kasta waa diyaar, waana fereesh, heer kulkooduna waa mid munaasab u ah ilmaha had walba oo naaska lagu duwo.
Waxaa ku jira caanaha hooyada curiyayaasha nafaqada ee loo rabo ilmaha inuu helo sida:
Borootiinka – waxaa ku jira caanaha hooyada nooc kamida borootiinada kaas oo dheefshiidkiisu u fudud yahay caananuugga.
Fats – Waxaa ku jira caanaha hooyada xaydh u fiican timaha, maqaarka iyo waliba koritaanka maskaxda.
Carbohydrates – Kaarboheydareyt, waxaa ku jira caanaha hooyada kaarboheydaretyo sita nooc kamida sonkarta oo loo yaqaan laktoos una fiican dhuuqista jirku dhuuqayo curiyayaasha kale, sida kaalishyaamka, fasfoorka, birta. Sidoo kale kaarboheydareytku waa waxyaabaha uu ka helo jirku kulka iyo tamarta.
Wuxuu kaloo ka helaa caananuuggu caanaha hooyada cunsur u taagan difaaca cudurada iyo fayrasyada oo loo yaqaan infeyroon, oo ka hortaga cudurada sida jadeecada bakteeriyada.
Waxay sugtay cilmibaaris la sameeyey in nuujinta qumani ay ka hortagayso in ilmaha aayahiisa dambe ay ku dhacaan cuduro badan oo khatar ah, sida sonkorta, cudurada wadnaha, laabjeexa, iyo cayilka aan caadiga ahayn.
Nuujinta qumani waa xiriir isku xiraya hooyada iyo ilmaha, sidaa awgeed ilimuhu wuxuu ku korayaa xaalad xasilooni iyo qalbiqobaw ku dheehan tahay.

Faa’idada nuujintu u leedahay qoyska
Nuujintu waa kaalmayn dhaqaale, oo kama rabto qoyska kharash lagu bixiyo.

Kobcinta Caqliga
Sida jirkuba ugu baahan yahay cunto iyo cabitaan ayuu caqliguna ugu baahan yahay nafaqo iyo dhaqaalayn, laakiin nafaqada iyo oomatada caqligu waa mid ka duwan tan jirku quuto, waana midi ilmuhu tabaynin, waana mid gaajadeeda aysan dareemaynin, una ooyeynin haddii ay waayaan, hadaba hadduu arinku saa yahay, wuuba yahaye waxaa looga fadhiyaa waalidka inuu isagu ilmihiisa ka baahi tiro gaajada caqliga, taasina waxay ku suuroobi kartaa in waalidku ku qulaamiyo ilmihiisa caanaha aqoonta iyo cilmiga kobcinaya caqligooda iyo garaadkooda.
Waa inuu waalidku ka baxsanaadaa had walba in aqoontu tahay iftiin, aqoon la’aanina tahay mugdi iyo habeen, taasi waxay ku taakulaynaysaa waalidka inuu helo dareen xilkasnimo oo ku dardar galiya inuu ilmihiisa kula tacaalo waxbarashada iyo aqoon korarsiga, waa in waalidku ku anqariyo ilmihiisa jacaylka iyo rabitaanka waxbarashada.
Guud ahaan liibaantu waa inaad ku dudaa ilmahaaga naaska diinta si ay u koraan koritaan diimeed.

Naftiisa
Waa inaad habaysaa baahida ay qabto naftiisu, si aysan u halaagmin, waayo naftu way hawo badan tahay, haddii aan la habayna way seeto goosataa waxayna aad uga heshaa waxa xun, iyo shuqul shaydaan oo dhan.

Ruuxda
Waa inaad ku anqarisaa ilmahaaga caqiidada saxan, middaas ayaa hagaysa ruuxdiisa, Rasuulka (s.c.w.) wuxuu bari jiray ilmaha caqiidada iyo xiriirka Ilaahay maalin maalmaha kamida Ibnu Cabbaas (r.c) oo fangalku ahaa Rasuulka s.c.w ayuu u yeeray Rasuulku oo uu ku yiri [Wiilyahowni, kaalay aan ku baree erayo, Alle xifdi, wuu ku xifdine, xifdi waxaad ka helaysaa hortaada, haddii kaalmo waydiisanaysid, Allaah waydiiso, waxaad ogaataa hadday umadu isku timaado inay wax kugu anfacaan kuma anfacayaan, wax Ilaahay kuu qoray mooyee, hadday isku yimaadeen inay wax ku yeelaan kuma yeeli karaan wax Ilaahay kuu qoray mooyee, qalimadii waa la dallacay, waraaqihiina way engageen.]
Marka waxaan aragnaa in Rasuulku siiyey Ibnu Cabbaas cashir caqiido ah oo baraya aragtida nolasha, hadaba waa inaad bartaa ilmahaaga caqiidada saxda ah siduu fahankiisa iyo fikirkiisuba u toosnaadaan.

Cutubka 7aad

Qaabab wax lagu barbaariyo
– Dayashada
– Caadaysiga
– Tala bixinta
– Dhacdooyinka
– Jacaylka iyo kalgacaylka
– Cadaaladda iyo eexasho la’aanta
Siyaabaha lagu barbaariyo ilmaha
1. Babbaarinta suubban ee ku salaysan diinta Islaamka waa waxa ugu muhimsan ee lagu barbaarin karo ubadka, waayo barbaarinta Islaamku waa mid xambaarsan aqoon siinaysa ilmaha caqli ay ku gartaan waxa san iyo waxa xun, waxay xoojisaa barbaarinta Islaamku cabsida Ilaahay, oo ka dhigaysa damiirka ilmaha mid sareeya oo ka faana xumaanta.
2. Deegaanka wanaagsani sida guriga, dugsiga, iskuulka, iyo dariska waa meelaha uu ka helayo ilmuhu tarbiyada wanaagsan, sidaa awgeed ayaa waxaa laga doonayaa waalidka ilmihiisa la beegsado deegaan iyo gayi wanaagsan, waayo deegaanku wuxuu leeyahay saamayn aad u wayn oo taabanaysa koritaanka ilmaha, sidaa darted baa Rasuulku s.c.w nagu baraarujinayaa in la iska jiro xiriirka saaxiibka xun iyo deegaanka xun, wuxuu nasiinayaa Rasuulku s.c.w tusaale uu noogu caddaynayo kala duwanaanta saaxiibka fiican iyo kan xun, wuxuu yiri rasuulku s.c.w: [Wuxuu la mid yahay saaxiibka wanaagsani iyo saaxiibka xumi, nin xambaarsan cadar iyo barafuun, iyo nin tumaala ah oo afuufaya dab, ninka sida cadarka saddex arrimood un baad ka heli, inuu wax kaa siiyo, inaad ka gadatid, iyo inaad ka heshid caraf iyo udgoon, kan dabka afuufayaana laba mid un baad ka heli, inuu maryaha kaa gubo, iyo inaad ka hesho neef ur badan.]
Waxaa kaloo jiri jiray umadihii hore nin dilay 99 nin, kadibna u tagay nin suufi ah oo kitaab gab ah oo mawliciisii fadhiya, markaasuu waydiiyey, “War ninyahow, waxaan dilay 99 nin, ee maan leeyahay wax toobad ah?” Markaasuu ugu jawaabay, “Maya ma lihid wax toobad ah.” Ninkii dilaaga ahaa intuu carooday ayuu ninkii miskiinka ahaa ku boqoleeyey.
Kadib waxaa loo sheegay inuu jiro sheekh kale oo cilmi leh, markaasuu u tagay oo waydiiyey su’aashiisii. Wuxuu ugu jawaabay sheekhii dambe oo ka cilmi badnaa kii hore, “Haa, waad leedahay toobad, maxaa kaa hortaagan towbadda, oradoo tag halkaas, waxaa jooga dad Ilaahay caabuda, ee iyaga Ilaahay la caabud inta kuu harsan nolashaada.” Ninkii wuu jaqaafiyey hadaba intii uu jidka ku jiray ayaa la oofsaday, kadib waxaa isku qabsaday malaa’igtii naxariista iyo tii cadaabka, qolo kastaaba waxay damacday inay u qaadato qaybteeda, markuu murankii adkaaday, oo la ismari waayey ayuu Ilaahay usoo diray malag kale oo kala saara. Wuxuu sheegay malagii inay cabiraan dhulka u dhaxeeyey labada meelood ee midna xumayd midna fiicnayd, marka tii uu u dhawaado ninku ayaa la raacinayaa, waa la cabiray, waxay arkeen inuu u dhaw yahay dhinaca wanaagsan, markaasay qaadatay malaa’igtii naxariista.
Hadaba waxaan ka fahmaynaa axaadiistan iyo tusaalayaashan Nabigeenu s.c.w na siiyey, in deegaanku leeyahay tixgalin wayn, marka aan doonayno inaan barbaarino ubadkeena, waxaa muhim ah in la helo deegaan suuban oo ubadkiisu hagaagsan yahay, waalidiintii suuban yihiin, macalimiintiisu wanaagsan yihiin, dariskiisuna wacan yahay. Haddii taa la helo, waxaa shaki la’aan ah in ilmuhu helayo tarbiyad iyo barbaarin hagaagsan.

Barbaarinta jaanis gaadka
Waxaan ula jeedaa barbaarinta jaanis gaadka, waanada iyo wax sheega uu bixinayo barbaariyuhu marka uu ku arko dhaqan xun ama farsamo xun ilmaha.
Waxaa haboon in waalidiinta iyo macallimiintuba ay ku baraarugsanaadaan hannaanka ay u dhaqmayaan ubadku, haddii ay la socdaan dhaqankooda waxaa dhici doonta inay helaan qaladaad badan oo u baahan sixitaan.

Ku barbaarinta isjaceylka
Ilmaha ku soo barbaara guri saldhigiisu yahay jacayl iyo xubbi, wuxuu noqdaa ilmo bulshada jecel, oo ka shaqeeya samaha iyo wanaaga bulshada, wuxuu noqdaa ilmo ka turjuma jacaylka dhex yaala hooyadii iyo aabihii. Wuxuu u hadlaa hannaan ku dhisan ixtiraam iyo kala dambayn, dhinaca kalena haddii uu ilmuhu ku koro guri ka arradan jacayl iyo ixtiraam, wuxuu noqdaa ilmahaasi ilmo muran iyo garramid badan, wuxuuna noqdaa ilmo ka shaqeeya xassarad iyo rabshada iyo arbushidda bulshada, arinkiisu ma dhaafsiisana kanuu caayay kanuu dilay ama kanuu xaday. Taasina waxaa u sabab ah waalidiintiis oo iyagu isjeclayn, marka ay joogaan gurigana waxay isku hor laayeen ama isku caraatamaan caruurta hortooda. Hadaba waxaa loo baahan yahay in waalidiintu isjeclaadaan si ay u helaan ubad isjecel oo bulshadu jeceshahay.

Isku duubnaanta qoyska
Iskuduubnaanta qoysku kaalin wayn ayey ku leedahay hagaaga iyo toosnaanta ubadka, sidaa darteed ayaa qoyska loogu aaneeyaa dhibaatooyin badan oo ku habsaday caruurta, aniguna waxaan ogahay qoysas badan oo ku sugan xaalado xunxun amase burburay kadibna dhibaatadii ugu badnayd ay soo gaartay ilmahoodii, waayo ilmo waalidkii daryeelayay kala tageen maxaa laga filayaa, sida badan ilmahaasi wuxuu ku korayaa silac iyo cuqdad, marka waxaan kula talin lahaa waalidiinta inay inta badan u daneeyaan ilmahooda.

Dayashada fiican
Waalidku waa tusaale uu eeganayo ilmuhu, kana dheehanayo wax walba oo uu moodayo wanaag, sababtoo ah, ilmuhu ma qabo in aabihiis qaldamayo ama xun yahay, sidaa darteed waxaa loo bahan yahay in waalidku u noqdo ilmihiisa tusaale sare oo ku salaysan asluub wacan, si aan la dareemi karin ayuu ilmuhu dhaqankiisu u badalmaa, waxyaabo aadan isla lahayn way kaa baranayaan, ayaad arkaysaa iyagoo ku dhaqmaya. Bal u fiirso maadan ku tusaysa habka ay ilmuhu ugu saamoobi karaan waxa ay ka arkaan waalidiintood.

Maad
Gabadh yar ayaa waxaa aragtay macalimadeedii iyadoo sanka fadhaysa, waxayna ku tiri, “Ceeb, hebla farta sanka ka daa.” Markaasay tii yarayd ugu jawaabtay, “Ma aha ceeb, aabahay baa sameeya.”

Xarumaha barbaarinta
Waalidiinta oo kaliya kuma eka barbaarintu iyo tarbiyadu, ee waxaa kaloo jira xarumo tarbiyadeed oo kale oo aan ka dhicin waalidiinta tarbiyadooda, kuwaas oo ah iskuulka, masjidka, fagaarayaasha dhalinyaradu ku shirto, iyo waliba warbaahinta nooc walbaba ha ahaadaane, marka xarumahaas oo idil waxay bixiyaan tarbiyo, ha fiicnaato amaba ha xumaatee. Sidaa owgeed ayaa waxaa aad u habboon in waalidiintu il gaar ah ay ku hayaan meelahaas oo dhan si ay ula socdaan tarbiyada ay helayaan ubadkoodu.

Cutubka 8aad

Habkii Rasuulku ula dhaqmi jiray caruurta
Wuu u ducayn jiray
Wuu salaami jiray
Wuu la kaftamin jiray
Wuu dhunkan (shumin) jiray
Wuu xambaari jiray
Wuu la ciyaari jiray
Wuu waanin jiray

Siduu ula dhaqmi jiray Rasuulku ilmaha
Caruurnimadu waxay leedahay xaalada khaas ah, oo rabta in loola dhaqmo hab ka duwan qaabdhaqanka dadka waa wayn, waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa ciyaalnimadu waa ciil laga koray, hadaba marxalada caruurnimada ayaa ah marxaladaha dadku soo maro midda adag, waayo waa marxalad uu qofku ku qaabaysmayo oo uu qaadanayo qaabkii uu u noolaanayo, sidaa awgeed aad ayey culumada tarbiyadu isku dabar jabiyeen siday u caddayn lahaayeen marxaladan iyo waxa gudboon in la sameeyo si loo helo ilmo ka hagaagsan dhan walba. Taas sidii loo gaari lahaa ayey umad kasta u dajisataa manhaj ay ku hogaamiyaan marxaladan caruurnimada iyo maraaxisha kalaba, hadaba Islaamku wuxuu leeyahay manhaj dhamaystiran oo caddaynaya hannaanka barbaarinta ubadka, waxaa laga soo xigtay manhajkan Qur’aanka iyo sunada rasuulka s.c.w, hadaba aan bal eegno qaabkii rasuulku scw ula dhaqmi jiray ilmaha.

U mahadnaq ilmahaaga
Sida badan ilmuhu markuu qaldamo waxaa ku dhacda canaan inkaaran oo qalbigiisa dooxda, laakiin waxaa yar inta ilmaha loo mahadnaqo ama la amaano, sidaa awgeed waxay na faraysaa tarbiyada rasuulku s.c.w in ilmaha la amaano oo loo mahadnaqo marka ay sameeyaan wax lagu farxo, wuxuu yiri Ibnu Cabaas r.c waxaan u keenay rasuulka s.c.w wayso, markaasuu yiri, “Yaa ii keenay waysada?” Markaasaa loo sheegay, markaasuu yiri “Allow fahansii diinta.”
Sidoo kale rasuulku ilmaha wuxuu ugu ducayn jiray ducooyin xambaarsan khayr aduun iyo ku aakharaba. Waxaa laga wariyey Anas ibnu Maalik oo ahaa adeegihii rasuulka s.c.w inuu yiri: rasuulku wuxuu iigu duceeyey ducadan: [Allow badi xoolihiisa iyo ubadkiisa, una barakee waxa aad siisay.]
Waxaa dhacday in Ilaahay uu aqbalay caruurtii rasuulku u duceeyey oo dhan, Ibnu Cabbaas wuxuu noqday caalin wayn oon laga daba hadlin waqtigiisa, sidoo kale Anas ibnu Maalik wuxuu Ilaahay siiyey hanti badan iyo caruur ka badan boqol iyo wax dheer. Wuxuu kaloo Ilaahay siiyey cimri dheer oo waxaa la sheegaa in uu gaaray 120 sano.

Faalo
Waxaa jirta in duqeydeena qaarkood marka ilmuhu u adeego ugu duceeyaan waynoo, hadaba sidaas waa laga fiican yahay, waa inaan ilmaha ugu ducaynaa duco wax ku ool ah, sida cilmiga, liibaanta aakharo iyo adduun, baarinimo iyo suubanaan, maxay u tari haddii uu waynaado oo uu noqdo mooryaan? Ama noqdo ayaan darane seegay aakharo iyo aduun.

Salaan ilmaha
Waxay kaloo tarbiyada rasuulku s.c.w na faraysaa inaan salaanno ilmaha yaryar marka aan la kulanno, waxaa la sheegaa Anas inuu soo maray caruur meel ku ciyaaraysa, markaasuu salaamay, markaasuu yiri, “Rasuulka ayaa soo maray ciyaal meel ku dheelaya markasuu ku yiri: assalaamu calaykum caruur.” Marka rasuulka ayaa sameyn jiray.
Hadaba inaad salaanto ilmaha waa sunno ilma lagu barayo salaanta, laakiin waxaa kaloo sugan in ilmuhu salaamaan dadka waawayn. Taasise waxay ku dhacaysaa haddii la baro salaanta iyo aadaabteeda.

U sheeg ilmahaaga inaad jeceshahay
Waxaa shaki ku jirin in waalidiintu ilmahooda jecel yihiin, oy naftooda ka jecelyihiin, laakiin waxaa qurux badan in ilmuhu dareemo jecaylka waalidkiisu u qabo, wuxuu dhihi jiray rasuulku s.c.w marka uu qaado Xasan, [Allow waan jeclehee jeclow.] Wuxuu yiri al-Baraa r.c, “Waxaan arkay rasuulka s.c.w oo Xasan ibnu Cali tunka ka saaran yahay oo leh, [Allow waan jeclahee, jeclow.]
Waxaa kaloo laga wariyey Abii Hurayrah r.c inuu yiri, “Rasuulka ayaa laabta ku qabtay Xasan ibnu Cali oo yiri, [Allow anigu waan jeclahaye, jeclow, oo jeclow qofka jecel.]” Wuxuu yiri Abii Hurayrah r.c, “Ma jirin wax iga jeclaa Xasan, kadib hadalkaa markuu yiri rasuulku s.c.w.”

Cutubka 9aad

Talooyin

Qodobada ugu mudnaanta badan barbaarinta ubadka

  1. Doorashada oori fiican iyo say saalax ah. Doorasha oorida wanaagsan iyo sayga fiican waa tallaabada ugu horraysa ee la doonayo in la qaado haddii la doonayo in la helo ubad barbaarintoodu hagaagsan tahay, arintaasna rasuulku s.c.w aad ayuu uga hadlay, wuxuuna ku booriyey umadiisa inay ku saleeyaan guurkooda diinta, la iskuna xusho diinta. Wuxuu yiri rasuulku s.c.w, [Haddii uu idiin yimaado qof aad raali ka tihiin diintiisa iyo akhlaaqdiisa, u guuriya.]
  2. Ducada: waa in Allaah la waydiistaa inuu ku siiyaa ubad iyo duriyad saalax ah, waa inaad tiraahdaa, “Allow iiga hibee kuwo hagaagsan xagooda.”
  3. Marka aad guursato, eed u galmoonayso xaaskaaga waa inaad bisinka qabsataa, tiraahdaana ducada ka sugnaatay Nabigeena scw ee ah:

[بسم الله، اللهم جنبنا الشيطان وجنب الشيطان ما رزقتنا]

Ducadan qofkii yiraahda, oo kadibna Ilaahay u qoray inuu siiyo ilmo, ilmahaas ma dhibaayo shaydaanku waligiis.

  1. Marka uu dhasho ilmuhu waa inuu mariyaa wadadii rasuulku noo jideeyey oo ah in dhagaha lagaga adimo marka uu saa u dhashto, waa in dhabxanaga timir loo marmariyaa, waa in loo xiiraa, waa in loo dooraa magac macaan oo xambaarsan macno wanaagsan. Waa in loo wanqalaa lana gudaa.
  2. Haddi Ilaahay kusiiyo ubad, waxaa lagaa rabaa inaad u ducayso, uguna ducayso in Ilaahay kuu hagaajiyo, kaagana dhigo ubad baarri ah oo ku anfaca nolashaada iyo geeridaadaba, waayo ubad wanaagsani waa sadaqo soconaysa oo barakadeedu kusoo gaarayso geeridaada kadib. Sidaa awgeed waxaan arkaynaa in anbiyadii Ilaahay ay ku ducaysan jireen in Ilaahay siiyo ubad wanaagsan, Nabi Ibraahiim c.s wuxuu ku ducaysan jiray ducadan, [Allaw iga yeel mid ooga salaadda, ilamahaygana ka yeel.]

14:40

  1. Ha ku cabsiin ilmahaaga jinka, waraabaha, mugdiga, waliba marka uu ooyayo.
  2. U suurta gali ilmahaaga inay dhexgalaan caruurta kale, haddii aysan lahayn caruurtaasi wax aad uga baqayso ilmahaaga.
  3. Ha liidin ilmahaaga, waliba dadka hortooda haku xumaynin ilmahaaga.
  4. Ha ugu yeerin ilmahaaga tilmaamo cay ah, sida inaad ku tiraahdo kale doqonyahow, dabaal, tuug iwm.
  5. Ku baraaruji qaladka uu galo, hana dul bixin dhangad adigoon u digin.
  6. Si dabacsan ugu sheeg qaladka uu galo, ha ku ciqaabinna qaladka ugu horeeya.
  7. Jacaylka ubadkaaga ha noqdo mid dhexdhexaad ah, dareensii inaad jecashahay laakiin ha ka badinin koolkoolinta siyaadada ah.
  8. U diyaar garaw ilmahaaga marka uu soo dhalanayo.
  9. Ilmaha wayn ee sii joogay waxaad bartaa inuu u adeego hooyadiis, una keeno dharka nuunaha, waayo haddii aan la dareensiin inuu ka wayn yahay nuunaha waxaa dhici karta inuu xiqdi u qaado, deetana naco isagoo waliba u arkaya in la afgambiyey lana boostuuray.
  10. Kula dhaqan ilmahaaga garsoor, ha u kala eexan, waayo eexashadu waxay ka mid tahay waxa ugu badan ee keena fakashada iyo kani adayga.
  11. Ha u ogalaanin ilmahaaga inay xirtaan dhar aan haboonayn, sida inanta oo xirata surwaal iyo dhar rag, ama inanka oo xidha dhar aan waafaqsanayn labiska muslinka.
  12. Kala gee jiifka ilmaha, adigoo kala duwaya gabdhaha iyo wiilasha, una kal samaynaya qolo walba qolkooda.
  13. Bar ilmahaaga idin qaadashada marka ay idiin soo galayaan, gaar ahaan qolkiina jiifka.
  14. Haddii ilmaha midkood idinla seexdo qolkiina, ha samaynina wax la xiriira galmo iyo istiin, walaw uu yaryahay ilmuhu, hadana wax un buu ka qaadayaa muuqaalkaas uu arkayo.
  15. Bar ilmahaaga inay ka laabaan indhahooda muuqaalada xaaraanta ah, sida sawirada haweenka iyo ragga qaaqaawan.
  16. Yeysan isla galin musqusha wiilasha iyo gabdhuhu, hana kal asturnaadeen.
  17. Ku barbaari inay asturaan cawradooda, iyo inaysan ka raali noqon in la arko iyagoo qaawan.
  18. Ha u ogalaan ilmahaaga inuu daawado filimada iyo sawirada xunxun, iyo inay akhristaan sheekooyinka jacaylka bugta ah.
  19. Ku tallaal ilmahaaga caqiido saxan, dhinacyada tixgalinta mudanina waa ku dhinacyadan:

A- Bar tiirarka iimaanka iyo Islaamka, iyo waliba rumaynta arrimaha qaybka ah, sida jannada iyo waxa lagu galo naarta iyo waxa lagaga fogaado, qabriga, cawadiisa iyo cadaabkiisa.

B- Xooji dareenka ah in Allaah arkaayo had walba iyo meel walba uu joogo, taasina waxay kamid ahayd dardaarankii Luqmaan kula dardaarmay wiilkiisa.

C- Ku soo jeedi ilmahaaga awooda Allaah inta ay la egtahay, iyo inuu Eebe yahay mid awooda wax kasta. Waxaa kamida siyaabaha aad ku dareensiin karto awood Allaah, inaad ku tiraahdid ilmahaaga marka uu arko badda, yaa abuuray badda? Waxaa kamida su’aalaha lagu dhisi karo dareenkaas, yaa ku abuuray? Yaa abuuray cirka iyo dhulka? Iwm.

D- Ku xooji jacaylka Ilaahay ilmahaaga qalbigooda, siyaabaha aad raaci kartana waxaa kamida, inaad xasuusid nicmooyinka Ilaahay noogu nicmeeyey.

E- Bar ilmahaaga acmaasha saalixa ah (falalka wanwanaagsan), sida inaad bartid salaadda, Qur’aanka.

F- U sharax aayado iyo axaadiis aad u soo xushay kuwaasoo ka hadlaya jaclaysiinta khayrka, iyo uga digidda sharka.

G- Ku dar ilmahaaga dugsi Qur’aanka uu ku dhigto, lana soco geedisocodka waxbarashadiisa.

H- U kaxee mararka qaarkood booqasho aad ku booqanaysaan xabaalaha, ama isbitaalada bukaanadu jiifaan.

  1. Ku tallaali ilmahaaga akhlaaqda wacan, dhinacyada aad xooga saarayso waxaa kamida:

A- Ku barbaari runta iyo ilaalinta amaanada, toosnaanta, caawinta dadka baahan, wanaajinta martida, iwm.

B- Ku barbaari inuu balfo (iskala waynaado) dhaqanka xun, iyo akhlaaq-xumada, sida af-xumada, beenta, cayda, iyo aflagaadada.

C- Bar axaadiista ka hadlaysa wanaagga ay leedahay akhlaaqda wacani, iyo cidhibxumada ay leedahay dhaqan xumadu.

27- Ku barbaari ilmahaaga xaqdhawrka dadka kale, waxaadna ku barbaarisaa baarinimada iyo xaqdhawrka waalidiinta adigoo u sheegaya arrimahan:

A- Ha horsocon haddii aad isla socotaan.

B- Ha ugu yeerin magacooda oo qayaxan, ee waa inaad ugu yeertaa aabo iyo hooyo.

C- Haka hor fariisan, ee waa inaad markay fariistaan aad ka daba fariisatid.

D- Jidka ha iska galin taladooda, iyo waxsheegooda.

E- Ha dabamarin arinkooda iyo amarkooda.

F- Ha bilaabin cuntada iyo cabitaanka hortooda, waa inaad bilowdaa kadib markay bilaabaan. G- U ducee waalidiintaa.

H- Hadalka kor ha ugu qaadin, ee waa inaad hoos ula hadashaa.

I- Haka jarin hadalka, marka ay kula hadlayaan.

J- Ha iska bixin idan la’aantood.

K- Ha kicinin markay hurdaan.

L- Haku fidsanin cagahaaga hortooda.

M- Fuli codsigooda si dhakhso ah.

  1. Ku barbaari ilmahaaga ixtiraamka iyo maamuuska qaraabadooda.
  2. Ku barbaari inay xaqdhawraan dariska (jaarka), macalinka, saaxiibka, dadka waa wayn, iwm.
  3. Ku barbaari inuu ilaaliyo aadaabta guud ee Islaamka, sida aadaabta cuntada, salaanta, idan-waydiisiga, fadhiga iyo waliba aadaabta hadalka iwm.

Arrimaha keena fakashada ilmaha

1- Ka gaabinta barbaarinta ubadka, iyo tagfalka arintaasi waxay keenaysaa inuu ilmuhu inuu fakado una koro si qalloocsan.

2- Garabmarka iyo gafitaanka sida qumaatiga ah ee wax loo barbaariyo, waxay iyaduna keenaysaa barbaarin xumo, waxaa kamida qaladaadka ay waalidiintu ku dhacaan, fudaydsiga ahmiyadda ay leedahahy barbaarintu, sidoo kale koolkoolinta xad dhaafka ihi waxay banjarinaysaa barbaarinta caruurta, waxayna dhaxalsiinaysaa dadnimo darro, iyo kalsooni darro.

3- U kala eexashada ilmahaaga, waxay ku dhalinaysaa kan aad ka eexatay xaasidnimo, nacayb, kali-noolaansho iyo xirxirnaan ku dhalisa in uu gaar isku buuso.

4- Khilaafka badan ee waalidiintu dhexdooda iskhilaafaan, amaba ay murmaan mar walba, waxay ku dhalinaysaa caruurta yabaal ay ka yabalaan nolosha gurigooda, iyo la noolaanshaha waalidkood.

5- Furitaanku wuxuu wiiqayaa dadaalkii barbaarinta ee sida wadajirka ah ay bixinayeen labada waalid, waayo, koridda ilmuhu waa hawl u baahan iskaashi iyo gacanqabad, marka haddii hawshaasi ku soo fakato labada waalid midkood, mana noqonaysaa aalaa barbaarintaasi mid mira fiican dhasha. Kollay si kastuu dadaal bixiyo waalidkaasi wax unbaa ka maqnaanaya ilmaha labadiisa waalid ay kala tageen.

6- Agoomowgu ama agoontinimadu waa musiibada ugu daran eek u habsata ilmaha, waayo wuxuu waayayaa ilmahaasi nolashii aabanimada ama hooyonimada, wuxuuna ahaanayaa ilmaha agoonka ihi marwalba shimbir baad la’, oo korintaakiisu kacaa kufo. Fiiro gaara Furitaanka iyo agoontinimadu kama dhigna in ilmahu xumaanayo haddii ayba mar qabsato arintaasi, ee waxaan ka hadlayaa sida aalaa ku dhacda ilmaha xaaladaha caynkaas oo kale ay qabsadaan, maxaa kabadan agoomaha Ilaahay hagaajiyey noqdayna culumo iyo aqoonyahaniin dadkoodii iyo diintoodiiba wax taray. Markaad u fiirsato culumada Islaamka waa wayn waxay ahaayeen agoomo ay soo koriyeen hooyooyinkood iyo sokeeyahood.

7- Saboolnimadu mararka qaarkood waxay noqotaa sabab keenta hallowga ilmaha, waayo haddii ilmuhu ku mashquulo quudkii cuni lahaa, waxaa ka dhalan karta inuu u maro nolashiisa waddo qalloocan, sida xattooyo, boob iwm.

  1. Saaxiibka xumi waa waxa ugu daran ee ilmaha karkaarka wadaarsiiya.
  2. Shaqo la’aanta iyo baagamuundadu waxay ku keenaysaa ilmaha inay fasahaadaan, kuna dhacaan dabinka nafta iyo shaydaanka.
  3. Dadka ay ku xiran yihiin (sida waalidiinta, macalimiinta.iyo saaxiibada) haddii ay xun yihiin, iyaguna way kaga daydaan xumaantooda.
  4. Muuqaalada dhalinaya fidnada iyo duufsiga, sida filimada liita, joornaalda, internetka baalashiisa xunxun, waxaa soo idil waxay u keenaan ilmaha siibasho iyo fakad.

Tobanka dardaaran ee Aabaha
1. Usoo jeed barbaarinta ubadkaaga hakagana mashquulin qorshayaashaada.
2. Ha kaga bixin xilka tarbiyada ubadkaaga hooyadood ee kala qayb qaado. Isku day inaad la joogtid caruurtaada waqti ku filan inaad u kuurgashid xaaladahooda, iyo xalinta mashaakilaatkooda.
4. Marka aad wax ku caanaananayso caruurta muuji inaad jeceshahay iyaga, laakiin aadan jeclayn falka ay samaynayaan oo kaliya, haddii taas ay dareemaan waxay ku tala galayaan inay badalaan falkii aad kahanaysay.
5. Waa inaad ku barbaarisaa isdhagaysiga, waa inaad wax ka dhagaysatid, si ay iyaguna wax kaaga dhagaystaan.
6. Xooji dhinacyada fiican ee caruurtaadu leedahay, adigoo ku xoojinaya siyaabo kala duwan sida inaad ammaanto markay wax fiican sameeyaan, iyo inaad abaal gud fiican siiso markay itaxaan ku baasaan ama suurad Qur’aan ah xafidaan. Waxaas oo dhan wuxuu noqonayaa dhiiragalin xoojisa dhinacyada san ee uu leeyahay ilmuhu.
7. Ku barbaari inay kula saaxiibaan, waxbana kaa qarsan. Taasi waxay kuu fududaynaysaa inaad ogaatid xogtooda iyo heerka ay ka marayaan tarbiyada.
8. Markaad guri joogtid ka fakir qoyskaaga oo kaliya iyo sidaad u hormarin lahayd, markaad xafiiskaaga joogtidna u fakir shaqadaada, taas waxaan ka wadaa aabayaal badan ayaa marka ay joogaan ka dhigta gurigooda xafiis ay ku xaliyaan mashaakilka shaqadood taas oo keentay inay halmaamaan xaaskii iyo caruurtii, amaba waxay keentay iskudhac farabadan oo ku yimaadda qoyska.
9. Haddii aad aragto ilmahaaga oo kugu kani adag, iswaydii maxaad u samaysay ama ku samaysay, waligaa ma dhunkatay? Madaxa ma salaaxday, ma u keentay hadiyad uu ku riyaaqo? Haddii aadan u yeelin waxaas oo dhan waxba dambi isaga ha saarine inaad isjeclaysiisid falowgeeda gal.
10. Raac tarbiyada ku salaysan canaan ku ladhan tahay ammaan. Taas oo ka dhigan inaad canaantaada dabo dhigto ammaan iyo sasabaad la jirto waano wanaagsan.

Ilmaha iyo interneetka
Interneetku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha cusub ee ku soo biiray qarnigii hore nolasha, kuna yeeshay saamayn laxaad leh, interneetku waa aduunkii oo irdaha loo balaqay, wuxuu lahaa shar iyo khayrba, sidaa awgeed waxaa laga doonayaa waalidiinta inay il gaara ku eegaan interneetka iyo adeegsigiisa, waa inay u sameeyaan ilmahooda baraamuj habaynaya qaabka ay u adeegsanayaan interneetka, waayo interneetku wuxuu leeyahay khatar badan, waxaana ka buuxa baalal badan oo xambaarsan jar-katuur badan, waxaa badan bogagga lagu mijaxaabinayo Islaamka iyo wanaagga, waxaa ku jira bogag badan oo bixinaya fatwooyin qaldan, waxaa ku jira kuwo isku dayaya inay badalaan Qur’aanka, waxaa ku jira kuwo faafinaya sawiro qaawan oo lagu hallaynayo dunida Islaamka gaar ahaan ilmaha iyo dhalinta.
Hadaba si aad taa uga badbaadid waa inaad raacdaa tallaabooyinkan aan isleenahay wax ayey ka qaban kartaa seetaynta adeegsiga interneetka:
– Bar ilmahaaga cabsida Ilaahay, iyo awoodiisa wayn, adigoo u sheegaya Ilaahay waxba ka qarsoonayn, arkana wax walba iyo meel walba. Tani waxay ku xiraysaa ilmaha cabsida Ilaahay oo la soconaysa mar walba, laakiin cabsidaadu ma u noqon karto ilmaha mid ay xaq dhawraan marka aad ka maqan tahay.
– La soco bogagga ay ilmahaagu galaan.
– Dhig kombiyuutarka ay ku isticmaalayaan interneetka meel dhexe ood ka arki kartaan marka ay adeegsanayaan.
– U door ilmahaaga bogagga aad doonayso inay ku taxmaan. Una same liis usoo dhaweeya bogagga aad u dooratay, adigoo adeegsanayo liiska favorites ee uu ku siinayo bogga bandhigaha (explorer).
– U qoondee ilmahaaga xilliyo gaar ah oy adeegsadaan internetka. Ha ahaato xilliyada la soo jeedo.

Ilmaha iyo waxbarashada
Waxbarashadu waa waxa ay ugu hanwayn yihiin waalidiintu inay ubadkoodu heer sare ka gaaraan, sidaa awgeed waxaa lagama maarmaan ah in waalidiintu fahmaan sidii ay ula tacaamuli lahaayeen, waxbarashada ubadkood, hadaba waa inaad raacdaa talooyinkan:
– Baro waxa uu ku fiican yahay ilmahaagu, iyo waxa uu ku xun yahay.
– Haku dirqiyin waxa aad adigu jeceshahay, waxaa la arkaa inaad adigu jeceshahay in wiilkaagu ama gabadhaadu ay noqoto dhakhtarad ama injineer, laakiin ilmahaagu aysan ka helin waxa aad ku taamayso. Waayo, waxaa la ogaaday in qofina ka neebkeeni karin wax uusan jeclayn. Jacaylka iyo rabitaanka qofkuna waxay leedahay mudnaan caawin doonta guusha ilmahaaga.

ILMAHA IYO QUR’AANKA
Qur’aanku waa distuurka Ilaahay usoo dajiyey in lagu maamulo aduunka, laguna barbaariyo aadanaha, sidaa awgeed Qur’aanka waa waxa ugu horeeya tacliinta Islaamka, arrintan waxaa si faahfaahsan uga hadlay macalinka cilmiga bulshada ee loo yaqaano Ibnu Khalduun, isagaan soo qaadan doonaa qormadiisa ku saabsan barashada Qur’aanka, hadaba intaynaan gudagalin qormadaas ay noo soo diyaarieen Sheekh CabdiRaxmaan Samatar iyo Sheekh Cabdiraxmaan Kaaramardhe, waxaan jeclahay inaan wax yar ka hadlo sida aan Qur’aanka u baranno.
Haddaa milicsanno hanaanka aan u barano Qur’aanka, waxaan dareemaynaa inaan leenahay duleelo badan, waayo, haddii uu wax naga qaldanayn maxaan isbadal ugu arki waynaa ubadkeena aan barnay Qur’aanka? Maxaan u arkaynaa ubadkeena aan Qur’aanka barnay oo hadana waxba ka caaganayn? Maxaan ka yeelay xaafidu Qur’aan badan mooryaan wax uu dhaafi jirin?
Waxaas oo dhan waxaan u celinayaa qaabka aan u barano Qur’aanka amaba aan u barbaarino ubadkeena taas oo wax badani ka qaldan yihiin, waxaan u baranaa Qur’aan hanaan engagan, lahayn qoyaan saameeya ubadka. Haddii aad waydiiso taasi say ku dhacday, waa mid aan kaaga jawaabi karo, sidaan la socono, Qur’aanka waxaan dhiganaa xuruuftiisa ee ma dhigano xuduudiisa iyo macnihiisa, Qur’aanka saamaynta lihina waa midka la fahmo xuruuftiisa iyo xuduudiisa, waa midka macnihiisa la dhuuxo lanana dhugto.
Hadaba waxaan u baahannahay qaab cusub oon u barno ilmaheena aadaabta Qur’aanka taasina waxay ku suuroobaysaa inaan helno macalimiin fahansan Qur’aanka lafdi iyo macnaba, oo kadib ku dadaala inay baraan caruurta fahanka Qur’aanka.
Tijaabadan ma aha wax aan iska hadlay anigu ee waa mid dad badani nooga horeeyeen, ilaa manta ay jiraan dad adeegsada qaabkan macaan ee lagu baro caruurta Qur’aanka.
Dalalka loo yaqaan Carabta galbeed, gaar ahaan wadanka Muuritaaniya, waxaa loo bartaa Qur’aanka sidan aan ka soo hadalnay, ilmaha yar waxaa la baraa Qur’aanka iyo tafsiirkiisa.

TARJUMADA
Ogow barida ubadka Qur’aanka in uu yahay sumad ama calaamo ka mid ah calaamadaha Islaamka, Muslimiintuna fikradda way qaateen waanay ku dhaqmaan, meel kasta oo ay dunida ka joogaan, si uu Qur’aanku ugu hor maro qalbiga dhallaanka iimaankuna ugu tallaalmo maskaxdooda.
Marka Qur’aanku wuxuu noqonayaa gundhiga tacliint, ks oo saldhig adag u noqon doona waxyaalaha dambe uu baran doono, sababtoo ah tacliinta yaraanta lagu bartaa waxay ku abuurmaysaa asaaska caqligooda, midba mid kuu ka horeeyo ayuu ka sii adag yahay, hadba asaasku siduu yahay ayuu noqon doona cilmiga ka dambeeya ee lagu kordhisi doono, hadii aasaasku adag yahay waxa lagu kordhiyaa wuu adkaanayaa.
Marka waa in ubadka saldhig adag oon liicayn loo abuuro, kaana waxaa laga helayaa Qur’aanka.

Ku xadgudubka edbinta dhallaanka waa halis
Dilidda xad dhaafka ah ee loogu gaysto carruurta dugsiga waxay u keenaysaa dhibaatooyin badan, waxaa ku abuurmaya ilmaha dhibaatooyin qoto dheer oon laga soo kaban karayn gaar ahaan markay caruurtu curdinka yihiin waxaa ku abuurmayo inay cadilanto iyo awoodooda dareemada ama maskaxda ama xubnaha kale ee jirka carrurta.
Caruurta macallinkoodu kula kaco dil, hanjabaad iyo cabsi gelin waxay noqonayaan dad waji ka duudan oo xirxiran, waxaa ka dhumaya faraxadda, waji furnaantii, fircoonidii iyo la dhaqankii dadka kale, wuxuu noqonayaa qof karti xun oo gooni u socod ah oo wahsi badan, taas oo geeysiinaysa inuu ku shaqeeyo mugdi oo ah khayaano, dhagar, been iyo nifaaq oo u rioqanaysa caado aan ka harayn xataa markuu weynaado.
Isagoo ka baqaya in loo gacan qaado ama la cabsiiyo waxaa ka fasahaadaya anshax wanaaggii, dhexgalkii iyo la dhaqankii bulshada.
Waxaa dhumaya isku kalsoonidii iyo qaabki isla weynaanta, xumaan diidka iyo dareenka inuu ka dhiidhiyo gardarrada, iyo wax iska caabinta iyo inuu ka caroodo dulliga iyo quursiga, wuxuu noqonayaa qof ku tiirsan dad kale oon isku filnayn ama aan wax qabsan karayn, wuxuu ka baaqsanayaa inuu u hanqal taago sharaf, magac iyo wanaag taas oo ah dadnimo xumo, qiimo la’aan, wuxuu noqonayaa qof u nool inuu wax cuno kali.
Waa sidaas ummad kasta oo ku dhacda gacanta cadawgeeda waxay u hogaansamaysaa dulliga, waxay dhuminaysaa awoodii dareenka wax iska caabinta iyo xumaan diidka, waxaa lagu arki karaa xaaladihii shucuubtii la cadaadiyey sida Yuhuuda.
Bal fiiri Yuhuudu siday ugu caan baxeen dhaqan xumada ilaa lagu tilmaamo meel kasta oo dunida ah iyo goor kasta sifada al-karaj oo loola jeedo xin, xasad dhagar, shirqool, waxaana u sabab ah arrimaha aan kor kusoo sheegnay oo ah dulmigii iyo cadaadiskii ku dhacay.
Marka waxaa ku waajib ah macallimiinta iyo waalidiinta inay ka fiirsadaan ku xad gudubka iyo cadaadinta edbinta carrurta gaar ahaan markay caraysan yihiin ilmuhuna curdin yihiin, dhirbaaxo kali ayaa laga yaabaa inuu ku waayo mid ka mida laxaadkiisa, marka si naxariis la’aan ah loogu gacan qaado.
Wuxuu ku sheegay qoraha kitaabkan nin ka allifay kitaab xiriirka macallinka iyo ardayda oo lagu macaabo Maxamed Abii-Zeyd waxaanu yiri, “Uma bannaana waalidiinta iyo macallimiinta edbinaaya carruurta inaanay ka badin sadex xawd kali ah haddii loo baahdo.”
Dhinac kale waxaa laga wariyey Cumar bin Khaddaab inuu yiri, “Qofkii sharcigu edbin waayo Alle ma edbiyo,” isagoo ka ilaalinaaya nafta dhallaanka in lagu dulleeyo edbinta iyo in inta sharcigu sheegay ay ku filan tahay edbinta, qofkii dheeraad. Ku dara waa xad gudub.
Waxaa ka mid ah kuwa ugu wanaagsan barbaarinta carruurta waanadii Rashiid amray macallinka wiilkiisa barbaarinaayey, waxaa uu yiri, “Halafaw, Amiirka Mu’miniintu wuxuu gacanta kuu geliyey beerkiisii iyo wadnihiisii, wuxuu u fasaxay gacantaada edebintiisa, wuxuu ku waajibiyey adeecidaada marka noqo nin u qalma :mansabka Amiirka Mu’miniintu ku dajiyay. Qur’aanka bar iyo sunnada, sidoo kale sugaanta, taarikhda iyo munaasabaadka hadalka meesha iyo goorta uu ku haboon yahay, ka reeb qosolka badan een munaasabada lahayn, ku baraaruji xurmada iyo karaamada dadka mudan sida culumada iyo madaxda gaar ahaan culumada reer Banii-Haashim, u faa’iidee saacad kasta oo ku marta adigoon cadaadinayn ama qalbi jebinayn hana ku xeeldheeraan inaad koolkooliso ama aad saamaxdo si aanu u macaansan ama u caadaysan raaxada, toosi oo waani inta awoodaada ah hadduu diido ku adkee, u muuji canaanta.

Intaas waxaa ku dhan maqaalkii Ibnu Khalduun iyo tarjamdiisii ee ku saabsanayd dhibaatooyinka ka dhalan kara ilmaha dugsiga lagu dilo. Waxaa innoogu xiga faallo ama sharaxa maqaalka.

Faallo
Sida runta ah qormadani waxay tilmaamaysaa barbaarinta ubadka ee ku dhisan diinta Islaamka, marka haddaan fiirino dugsiyada Qur’aanka Soomaalida, ma ku camal falaan tarbiyada Islaamka?
Bal aan ka fiirino dhinacyo kala duwan:
1. goobaha lagu barto Qur’aanka.
2. Habka iyo qalabka waxbarashada.
3. Habka macallinku u ciqaabo ubadka.

Xagga goobaha dugsiyada Qur’aanka waa jidadka iyo darbiyada guryaha oo looga dhiso waabab ama cariishyo laamoyeeri ah oo aad u kulul oon lahayn dariishado.
Xagga fadhiga caruurta majiraan kuraas, qaar waxay leeyihiin dermooyin qaarna waxba malaha oo dhammaan caruutu way isdhex fadhiistaan.
Macallinku guud ahaan wuxuu yaqaana kali ah akhriska Qur’aanka laftiisa lakiin xagga culuumta kale sida cilmiga barbaarinta ubadka iyo wixii la xidhiidha aqoonta guud ee cilmiga ma yaqaano, waxaa loo yaqaanna macallin dugsi oo wuu ka hooseeya macallimiinta kale.
Dawladuhu ma tixgeliyaan oo waxaa bixiya xaqiisa waalidiinta carruurta.
Nidaamka wax barida aad buu u liitaa, malaha fasallo, ama wax kala soocan ama kala sarreeya oo dhammaantood wey iswada dhex fadhiyaan kan ugu sarreeya iyo kan billowga ah xagga saacadaha ma habeysna oo waa isku bixis markay soo galaan ilaa ay ka baxayaan, malaha jimicsi ama nasasho midna.
Nadaafad xumo: marka ilmaha dugsiga loo diraayo waxay labistaan dhar caadi ah oon habaysnayn, markay iskuulka tegayaan waxaa loo labisaa dhar fiican oo nadiif ah.
Xaga nidaamka wax akhriska dhammaan ardaydu wey wada qaylinayaan inta badan.
Waxay wax ku bartaan badankoodu khad dhuxul lagu sameeyo iyo loox oo dhibaato ku ah nadaafadda jirkooda iyo dharkooda.
Xaga ciqaabta: sida la ogyahay inta badan macalin dugsiga waa nin shaab ah oo xoog leh, ardayduna waa dhalaan curdin ah, markuu caroodo wuxuu u dilaa si naxariis daro ah oo ka baxsan barbaarinta Islaamka, wuxuu isticmaalaa ciqaabahan:
A- Ulayn guud: macalinku wuxuu la hortaagan yahay ardayda ul uguna hanjabaa si naxariis la’aan ah marmarna wuu wada garaacaa dhamaantood.
B- Soo duubo: waxaa la amrayaa ardayda la ciqaabayo in uu indhaha maro ku xirto, ka dibna macalinku qaraaco isagoon ardaygu ogayn waxa la yeeli doono ama goorta ciqaabtu dhamaanayso.
C- Wa shamsi: waa ciqaabta ugu adag, waxay ka kooban tahay in ardayga indhaha laga xiro, kadib caruurta oo dhan ayaa la amrayaa inay qanjaruuftaan iyagoo akhrinaaya Suuratu-Shamsi ilaa dhamaadkeeda, waxaa laga yaaba in caruurta qaarkood ku mudaan waxyaabo khatar ah.

Waxaa hubaal ah in qof kasta oo Soomaali ah hayo xog iyo dhacdo ku saabsan arday naafo ka soo gaartay dilmada macalinka dugsiga, anigu waxaan xasuusanahay dhacdooyin badan, waxaa ka mid ah kuwan:
Muqdisho: Waxaan aqaanaa waalid caan ah oo gabadh uu dhalay macalinki dugsigu darbi madaxa ugu dhuftay kadibna ay dhaga beeshay, waalidkii wuxuu ka dalbay macalinkii magdhow.
Jabuuti: Waxaa jira wiil oo macalinkii ul madaxa uga dhuftay, wuxuu la helay meel xidid ah, wuxuu qaaday suuxdin, muddo ka dib wiilkii wuxuu tagay dalka Noorway, markii la baaray waxaa la ogaaday inuu xidid go’an yahay, waana la daaweeyay.
Nayroobi: Dhakhtar indhaha qaabilsan ayaa ii sheegay in loo keeno caruur badan oo dhaawac ka soo gaaray macalinkii dugsiga.

Laakiin waxaa nasiib daro ah in macalimiinta iyo waalidiinta qaarkood qabaan in ardaygu wax baran karayn hadii aanan la tumin.

MACALIN BARAF IYO MACALIN BASBAAS
Sanadkii 2002 waxaa loo furay macalimiinta dugsiga ee xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho siminaar looga hadlayo habka barbaarinta caruurta, waxaa loo sheegay inaanayn banaaneen in caruurta la qaraaco aanayna ka mid ahayn tarbiyadada Islaamka. Waxaa lagu waaniyay inay ka dheeraadaan tumida ilmaha, way la yaabeen waxaanay yiraahdeen ilmo aan cabsiinin siduu wax u baran karaa? Markii Jibriil (NNK) Nebiga baraayey Qur’aanka, wuu ceejiyay sidee loo dhihi karaa ma banaana in caruurta la ciqaabo?
Waxaa loogu jawaabay idinka la idinma amrin inaad ku dayataan xiriirkii Jibriil iyo Nabiga u dhexeeyey, idinka waxaa la idin amray inaad Nabiga ku dayataan mana jirto inuu Nabigu ilma yar ka oohiyay, waliba waxaa jira xadiisyo badan oo saxiix ah oo dhahaya wall lama arag cid uga naxariis badan ubadka Nabi Maxamed (NNK).
Mida kale caruurta inta ay curdinka yihiin laguma edbin karo dilmo sida uu sheegay xadiiska caanka ah ee dhahaya caruurta salaada bara markay todobo jir gaaraan, marka toban jir gaaraan waa lagu edbin karaa dilmo munaasib ah, marka sadexdaa sano 7, 8, 9, laguma edbin karo dilmo.
Hadana waxay dheheen macalimiintii, “Waalidiinta ayaa keena ilmaha, macalinkii aanay ilmaha ka cabsanayn waxaa loo yaqaana macalin baraf oo ilmo looma keensanaayo, midka ilmaha tuma ee lagu cabsiiyo macallinkaan kuu sheegi waxaa loo yaqaanaa macalin basbaas isagaa ilmaha loo keensaa, marka macalinku si dhaqale badan u helo waa inuu ilmaha ka adkaado.”
Macalin kale ayaa qisadan ka sheekeeyay waxaanuu yiri, “Waxaan dugsi ku hayay xerada qaxootiga ee Luuq-jeelo oo Balad-Wayne u dhow, aad baan caruurta u dili jiray, waxaan ahaa macalin basbaas, waxaan riyo ku arkay Nabiga (NNK), wuxuu igu canaantay sida aan caruurta u galo, hadana markale ayaan ku laabtay hadana Nabigii baan riyo ku arkay, waxaan go’aan ku gaaray inaan ul dambe isticmaalin. Waxaa dhacay in caruurtii saaxiib ila noqdeen aad bay ii jeclaadeen, markan magaalada Balad-Weyne ka imaado dhamaantood guriga ayay iigu imaan jireen ilaa gurigii qaadi waayay markii dambe waxaan go’aansaday marka aan magaalada ka imaado inaanan guriga tagin oon dugsiga tago oo halkaa caruurta igu salaamaan.”
Waxaa ka fahmaynaa maqaalkan in ilmaha dugsiga lagu dilo ama lagu ciqaabo uu nacayo cadawna ka dhiganayo macallinka dila iyo cilmigiisaba kana cabsanaayo taasoo ku abuuraysa been iyo munaafaqnimo oo ah danbiyada waaweyn xaga Islaamka.
Marka waa in laga gaashaanto, inay sidaa ku barbaaraan maxaa yeelay hadday been iyo nifaaq ku hana qadaan, wey la soconayaan intay jiraan ama noloshooda.
Waxaan filayaa inay jiraan waalidiin badan oo ku fekeraya siday dhibaatada uga badbaadin lahaayeen ubadkooda ama is waydiinaya dhibaatadan barbaarintu xal ma leedahay?
Waxaa hubaal ah inay waalidiin badan lasoo gudboonaatay walwal iyo walaac oo ah laba daran mid dooro oo kala ah in ilmihii Qur’aan la’aan la dhigo iyo inuu u adkaysto xaalada dugsigu yahay. Waxaad moodaa in qof kasta oo damiir leh ku qanacsan yahay xaaladaha dugsiyada Qur’aanka in wax laga bedelo ama aanay sidaa ku socon karayn.
Waxaa jira in dugsiyada ay yihiin warshadaha laga soo saaro hogaamiyayaasha bulshada.
Ummad kastaana waxay u diyaarisaa dugsiyadooda bilawga sida ay uga soo bixi lahaayeen madax u hogaamisa ummada aayatiin wacan.
Marka dugsiyada Qur’aanka loo aqoonsado warshadda hogaamisa mustaqbalka ummadda, maxaa yeelay ilma kasta oo Soomaali ah meel kastaba ha joogeene way dhigtaan, marka waa inaan la dhayalsan kaalinta dugsigu ku yeelan karo hogaanka mustaqbalka ummada.
Waxay nala tahay in lagu wada qanacsan yahay inay lama huraan tahay in xaaladaha dugsiyada Qur’aanka wax laga bedelo, maxaa la bedelayaa, maxaa lagu bedelayaa? Sidee wax looga bedelayaa? Jawaabtu waa sidatan:
Sida xaqiiqda ah waxaa bedel u baahan waa hal shay, haddii shaygaa la bedelo isagaa dhamaan dhibaatooyinka kor ku faahfaahsan bedelaya, shaygaasi waa macallinka, macnaha haddii macallinka la bedelo isagaa dhibaatooyinka dhammaantood wada xallinaaya.
Maxaa laga bedelayaa, lama bedelaayo macallinka ee waxaa la kordhinayaa aqoontiisa ka maqan ee dhiibaatada abuuraysa, waxaa la barayaa macallinka cilmiga barbaarinta Islaamiga ah ee Ibnu Khalduun ku tilmaamay maqaalkiisa aan soo tarjumnay ee kor ku xusan, waxaa loo tababarayaa macallinka xirfada macallinimadda oo ay ka kow tahay cilmiga barbaarinta ubadka iyo habka gudbinta Qur’aanka iyo cilmiyada la xiriira bulshada ee ladhaqanka waalidiinta carrurta.
Waxa jira inaan macallin la gayn iskuul isagon loo tabo barin macallinimo. Marka maxaa ka reebay macallinka dugsiga in sida macallimiinta kale loogu tababaro gudbinta aqoontooda.
Waa hubaal in macallinka dugsigu yaqaano Qur’aanka lakiin waxaa ka maqan cilmiga barbaarinta iyo habka gudbinta aqoontiisa Qur’aaneed, marka waa in mcallinka Qur’aanka macallimiinta kale Qur’aanka lagu soo daro culuumta kale ee lagu baranayo iskuulada.
Macallinkii xirfadiisa la baro waxaa hubaal ah inuu hubka dhigayo dagaalkii macallinka iyo carrurta ka dhexeyeyna afjarmi doono, cadaawadiina waxay u badelmaysaa saaxiibtinimo, beentii iyo khayaanadiina way tirtirmaysaa.

Yaa arrinka fulin kara?
Waxaa u xil saaran qolo kasta oo ku shaqo leh waxbarashada meel kasta oo Soomaalidu joogto dal kastaba ha noqdee, sida wasaaradaha waxbarashada, dalladaha waxbarashada iyo cid kasta oo ka damqanaysa dhibaatada haysata caruurta Soomaaliyed, arinkani
Ilaahay ha ina hanuuniyo hana ina garansiiyo dhibaatada ina haysata.

(Qormadaan ka hadlaysa ilmaha iyo Qur’aanka waxaa igu soo biiriyey Sheekh Cabdiraxmaan Abuu Xamsa.)
La saaxiib ilmahaaga
Saaxiibtinimada iyo lsku-dhawaanshaha u dhaxeeya waalidiinta iyo ilmahooda, waa mid lagama maarmaan ah, waana mid ka qayb galaysa hagaagga iyo wanaagga lala doonayo ubadka.
Haddii aad la saaxiibto ilmahaaga, waxaad ku guulaysanaysaa baarinimadooda iyo qadarin badan oy kuu hayaan.
Saaxiibtinimada ilmahaaga haddii aad ku guulaysato waxaad gaadhay guul wayn, waxaadna awood u yeelan kartaa inaad u noqoto ilmahaaga tusaale ay ku daydaan, kana qaataan dhaqan iyo dabeeco.
Nabiga (s.c.w) saaxiib ayuu la ahaan jiray caruurta, wuu la kaftamin jiray, qaadi jiray, dhunkan jiray, wuuna u ducayn jiray, waxaas oo dhan waxay na tusaysaa in ilmaha lala saaxiibo oo lagu dadaalo sidii loo farxin lahaa, sidoo kale xagga saxaabada – Alle haka raali noqdee – waxay la samayn jireen ilmahooda xiriir saaxiibtinimo, tusaale ahaan Cumar ibnu Khadaab iyo wiilkiisa Cabdullaahi waxay ahaayeen saaxiibo qaali ah, wuxuu u raaci jiray Cabdulaahi aabihiis fadhiyada waa wayn ee ay ku idlaayeen saxaabada kuwooda waawayn.

Ilmaha iyo akhriska
Ku barbaari ilmahaaga wax akhriska, waa in aad saaxiibsiisaa ilmahaaga iyo akhriska wanaagsan, marka aan ku leeyahay akhriska wanaagsan waxaan rabaa inaan meesha ka saaro akhriska liita een ku soo kordhinayn ilmaha wax u fiican. waxaan ognahay akhrisku inuu lamid yahay gudun ama masaar laba afood leh, khayrkana waa lagu goosan karaa sharkana waa lagu goosan karaa, sidaa awgeed waalidka waxaa laga rabaa inuu ilmihiisa ku layliyo akhriska buugaagta iyo kutubta ay ka helayaan ilays u ifiya nolosha, taasina waxay ku suuroobaysaa waalidka oo ka noqda kormeere guud akhriska ilmihiisa, una doorta kutubta qiimiga iyo qaayaha badan ee ay ka helayaan dhaqan wanaagsan, waxaana ugu horeeya wax ilmaha maankooda lagu xiro kitaabka Ilaahay, waa in ilmaha lagu tarbiyeeyaa jacaylka akhrinta Qur’aanka Kariimka, waxaa ku xiga siirada Rasuulka (s.c.w) iyo sheekooyinka saxaabada.

Talooyin ku aadan akhriska
U samee ilmahaaga maktabad ay ka akhristaan cilmiga iyo aqoonta.
U dhig maktabaddaas kutub iyo buugaag xul ah ood ku qanacsan tahay aqoontooda.
U qoondee ilmahaaga waqti ay wax akhristaan, iyo qol ay wax ku akristaan.
Isku day inaad la falanqayso ilmahaaga waxyaabihii ay akhriyeen, ka codso mid walba inuu kaaga sheekeeyo murtidii uu akhriyey.

Ha habaarin ubadkaaga
Iska jir intaad iska jiri kartid habaarka ilmahaaga, waxaa laga yabaa in uu la kulmo habarkaagu saacad ducada la ajiibo, kadibna saa habaarkii ku dhaco ilmahaaga, waxaa ku cad xadiis Rasuulka (s.c.w) laga warinayo inuu nin ku yiri awrkiisii Ilaahay ka naclado. Markaas uu Rasuulku (s.c.w): [Waayo kan nacladaya awrkiisa?] Wuxuu yiri ninkii, “Waa aniga Rasuul Allow.” Markaasuu ku yiri Rasuulku (s.c.w): [Kasoo dag, nala raaci maysid wax nacladi ku dhacday, ha habaarina naftiina, hana habaarina ubadkiina, hana habaarina hantidiina, ha waafaqina Ilaahay saacad la waydiisto siin, oo uu kadib ina ajiibo.]

Cutubka 10aad

Arrimaha la doonayo in ilmaha lagu baro dhallaanimadooda

Arimaha la doonayo in lagu barbaariyo ubadka
Waxaa waajib ah in ilmaha la baro aadaabta Islaamka iyo arimaha guud ee qofka muslinka ah lagu aqbalayn garasha la’aantooda, marka waxaa muhim ah in ilmaha intay yaryihiin la baro arimaha soo socda:

Shanta Tiirar ee Islaamka
1. Inaad qirto inuusan jirin Ilaah xaq iyo gar lagu caabudo Ilaahay mooyee, iyo inaad qirtid inuu Muxammadna yahay adoonkii Ilaahay iyo rasuulkiisii.
2. Oogidda salaada.
3. Bixinta sakada.
4. Soomidda bisha Ramadaan.
5. Gudashada xajka qofkii kara.

Lixda Tiir ee Iimaanka
1. inaad rumaysid Ilaahay (s.w)
2. inaad rumaysid malaa’igtiisa.
3. inaad rumaysid kutubtiisa.
4. inaad rumaysid rusushiisa.
5. inaad rumaysid maalinta dambe.
6. inaad rumaysid qadarka khayrkiisa iyo sharkiisa.

Afarta khulafaa’u raashidiin
1. Abuu Bakar as-Siddiiq r.c.
2. Cumar ibnu Khaddaab r.c
3. Cuthmaan ibnu Caffaan r.c
4. Cali ibnu Abii Daalib c.c

Afarta mad-habood ee lagaga dhaqmo dunida Islaamka:
1. Mad-habka Imaamu Shaafici (Alle ha u naxariistee).
2. Mad-habka Imaamu Maalik (Alle ha u naxariistee).
3. Mad-habka Imaamu Abii Xaniifah (Alle ha u naxariistee).
4. Mad-habka Imaamu Axmad (Alle ha u naxariistee).

Tobanka jannada loogu bishaareeyey
1. Abuu Bakar as-Siddiiq r.c
2. Cumar ibnu Khaddaab r.c
3. Cuthmaan ibnu Caffaan r.c
4. Cali ibnu Abii Daalib r.c
5. Dalxah ibnu Cubaydillaah. r.c
6. az-Zubayr ibnul Cawwaam r.c
7. Sacad ibnu Abii Waqaas. r.c
8. Saciid ibnu Zayd r.c
9. Cabdiraxmaan ibnu Cawf r.c
10. Abuu Cubaydah Caamir Jarraax
Kutubta Ilaahay soo dajiyay
1. Suxufi Ibraahiim
2. Tawraat
3. Zabuur
4. Injiil
5. Al-Qur’aan al-kariim (Furqaan)

Magacyada Rususha Ilaahay
1. Aadam c.s
2. Idriis c.s
3. Nuux c.s.
4. Huud c.s
5. Saalix c.s
6. Ibraahim c.s
7. Luud c.s
8. Ismaaciil c.s
9. Isxaaq c.s
10. Yacquub c.s
11. Yuusuf c.s
12. Muuse c.s
13. Haaruun c.s
14. Shucayb c.s
15. Daawuud c.s
16. Sulaymaan c.s
17. Yuunis c.s
18. Ayuub c.s
19. Ilyaas c.s
20. Dulkifli c.s
21. Yasac c.s
22. Zakariya c.s
23. Yaxya c.s
24. Ciisaa c.s
25. Muxammad s.c.w.

Farqiga u dhexeeya Rasuul iyo Nabi
Rasuul waxaa la yiraahdaa addoonka Ilaahay u waxyooday sharci kadibna faray gaarsiintitsa.
Nabina waxaa la yiraahdaa adoon loo waxyooday laakiin aan la farin inuu gaarsiiyo.