Beerta Xayawaanka

BEERTA XAYAWAANKA JOORJ ORWEL Waxa turjumay M. Y. Cartan PONTE INVISIBILE redsea-online.com Iswaydaarsi 1 BEERTA XAYAWAANKA uu qoray JOORJ ORWEL uu tarjumay MAXAMED YUUSUF CARTAN PONTE INVISIBLE REDSEA-ONLINE.COM REDSEA-ONLINE.COM Culture Foundation Fidiyaha Aqoonta iyo Ereyga Dhigan – Xarunta Dhexe Daarta Oriental Hotel – Hargeysa, Somaliland Telephone: 00 252 2 525109 | 00 252 2 4299088 email: bookshop@redsea-online.com Ponte Invisible Inquiries to the editor Jama Musse Jama Via Pietro Giordani 4, 56123 Pisa, Italy www.ponteinvisibile.com email: editor@redsea-online.com | editor@ponteinvisibile.com Copyright © George Orwell Published with permission given by the wife of George Orwell to M Y Cartan. Translation – Copyright © Maxamed Yuusuf Cartan Printed with permission of late Maxamed Yuusuf Cartan’s family. Published by Ponte Invisibile (redsea-online), 2011, Pisa I Second Edition (and the First Edition of Ponte Invisibile) 2011 Copyright © Ponte Invisibile Edizioni 2011 A REDSEA-ONLINE Publishing Group Company. ISBN 88-88934-20-0 EAN 9788888934204 PRINTED AND BOUND IN ITALY. All rights reserved. No part of this publication may be reproduced, stored in a retrieval system, or transmitted, in any form or by any means, electronic, mechanical, photocoping, recording or otherwise, without the prior permission of the publisher. www.redsea-onIine.com/books Suggested classification for the librarians Beertii Xayawaanka/ Joorj Orwel (in English George Orwell) pp. 138 cm. 14×21 Includes Index. ISBN 88-88934-20-0 EAN 9788888934204 I. Beertii Xayawaanka II. / Joorj Orwel (translated by Mohamed Yuusuf Cartan) / III. Literature / Fiction. Waxa lagu saxay Ubbo – Quraar iyo Higgaadshe kuu saxa af Soomaaliga. Qaybta buugga ee sheekada waxa loo daayay higgaaddii uu qoraagu ka tagay inkasta oo aanay sax ku ahayn xeerka maanta ee higgaadda Af Soomaaliga. Ka eeg www.redsea-online.com/ubbo Fasax ay bixisay afadii Orwel ka tegey ayaa buugga lagu soo saaray. Daabacaadda turjuman waxa laga helay fasax ehelkii turjumaaga. Lama guurin karo, lamana sawiri karo qayb ka mid ah buugga ama buugga dhammaantiiba, iyada oo la helo oggolaanshaha ninka buugga tarjumay mooyaane. Gal aan ahayn kan uu ku soo baxay lama gelin karo. Waxa lagu daabacay: Daabacaadda Kowaad Madbacadaha Al Ahraam, Qaahira Oktoobar, 1979. Daabacaadda Labaad Pont Invisibile Ed (redsea-online.com), Pisa, Meey, 2011. Afeef: Waxa lagama maarmaan ah in la sheego Af-Soomaaliga ay ku dhigan tahay sheekadani. Turjumaha buuggu waxa uu qorey dhiganahan iyada oo aan wali qoraalka Af-Soomaaliga si rasmi ah loo taabbagelin sharciyadiisa aynu maanta adeegsanno. Soo saare ahaan waxa aannu door bidnay in tixgelin aan siinno qoraalkii asalka ahaa ee uu ka tagay Alle ha u naxariistee Maxamed Yuusuf Cartan, isla markaana annaga oo ogsoon in sharciyada higgaadda Af-Soomaaliga ee maanta aanay meelo badani ku saxnayn, waxa aannu u badheedhnay in aannu sidiisa ku daabacno. Hordhaca uu turjumuhu ka qorey dhigista Af-Soomaaliga waxa kale oo ay ka marag kacaysaa xasillooni darrada wali haysata dhigista Af-Soomaaliga, iyo baahida rasmiga ah ee loo qabo in mar kale la is hor fadhiisto oo dib loo eego sharciyada higgaadda ee Af- Soomaaliga. TUSMO Hordhac – Maxamed Yuusuf Cartan Beerta Xayawaanka – Joorj Orwel (waxa turjumay Maxamed Yuusuf Cartan) Bayaamin daabacaadda labaad – Jaamac Muuse Jaamac Dabadhah: Kuma ayuu ahaa Maxamed Yuusuf Cartan? Hordhac HORDHAC Farax weyn ayay noo tahay in aannu markii u horreysey u soo bandhigno dadka ku hadla Af Soomaaliga, buuggan magaciisu yahay ‘Beerta Xayawaanka’ (Animal Farm). Buugga waxa ku qoray Af Ingriisi nin magaciisa la odhan jirey Erik Aartar Beleer (Eric Arthur Blair) oo magacca uu wax ku qoraa ahaa Joorj Orwel (George Orwell), dhalashadiisuna ahayd Ingiriis. Orwel waxa uu ku dhalshay dalka Hindiya markii sannadku ahaa 1903, halkaas oo aabbihii ka mid ahaa shaqaalaha Dawladda Ingiriiska oo u talin jirey Hindiya berigaas. Sannadkii 1907 ayaa reerkii ku soo laabtay Iglan, isagiina halkaas ayuu ka galay dugsiyada ilaa uu ka baxayey dugsiga sare ee Iiton 1921. Sannadkii ku xigeyna waxa uu galay ciidanka Bileyska ee Barma oo iyana Ingiriisku u talin jirey. Toddoba sannadood buu u shaqeynayey ciidanka Bileyska Barma. Wax Orwel qoro oo soo baxa waxa u horreeyey maqaal uu ku qoray jariidad Faransiis ah sannadkii 1928. 1929 kii markii uu ku soo laabtay Iglan, macallin u shaqeysta is-kiis oo guryaha wax ugu dhiga dadka ayuu noqday. Dabadeedna cabbaar buu dugsi wax ka dhigay. Hase yeelshee, markii caafimaad kiisu u oggolaan waayey in uu sii wado macallinnimada ayuu iska daayey. Guryaha buugagga lagu gado mid ka mid ah ayuu markaas ugu shaqeeyey kaaliye aan joogto ahayn. Dabadeedna jariidad buu u shaqeeyey oo u ahaa faalleeyaha buugagga cusub ee soo baxa. Shaqadaas ayuu hayey ilaa 1940kii. Sannadkii 1936 dabayaaqadiisii, Orwel waxa uu aaday dalka Isbeyn si uu halkaas uga soo dagaallamo isaga oo barbar kala soo jeedey qoladii u dagaallamaysey si ay Isbeyn uga dhigaan Jamhuuriyad. Halkaas ayaa Orwel lagu soo dhaawacay. Dagaalkii Labaad ee Adduunkana waxa uu ka mid ahaa ciidan loogu tala galay in ay waddanka ka ilaaliyaan gudaha. 1940 – 1943kii waxa uu ka shaqeynayey Qaybta Dalalka Bariga ee Idaacadda Bii.Bii.Sii. Wargeyska la yidhaahdo Tribyuun (Tribune) oo qaybtiisa suugaanta uu tifatire ka ahaana, bog buu si joogto ah ugu qori jirey faallo la xidhiidhdha suugaanta iyo siyaasadda. Sannadkii 1945 Wargeyska Obsaafar (Observer) buu u noqday weriye uga soo warrama dagaalkii markaas socdey; dabadeedna si joogto ah buu wax ugu qori jirey wargeyska Wararka Galabta ee Manjestar (Manchester Evening News). Orwel waxa uu qabey qaaxo. 1947 – 1950kii cisbitaalka ayuu marna gelayey, marna ka soo baxayey. Waxa uu dhintay 1950kii isaga oo lix iyo afartan jir ah. Buugag badan baa Orwel qoray intii uu noolaa. Hase yeelshee, waxa uu ku noqday caan labada buug ee la kala yidhaahdo ‘Beerta Xayawaanka’ iyo ‘1984’ – labadaas buug oo mid walba laga iibiyey buugag kor u dhaafay laba malyuun. ‘Beerta Xayawaanka’, oo ah buuggan aannu markii u horreysey ku soo ban dhigaynno Af Soomaali, waxa uu ka sheekeynayaa sida koox xayawaan ah oo ku noolayd beer mar keli ah uga gilgilatay dulmigii Bani-aadmigu ku hayey. “Kacaan weeye arrinta innala gudbooni,” markii ay yidhaahdeen, ayay dabada kaga dhaceen Bani-aadmigii addoonsan jirey ee iyaga uun ku kor noolaa. Hase yeelshee, yididdiilo kasta oo hore ay u qabeen iyo himilo kasta oo ay lahaayeen waxa ay baabe’een markii xukunku u galay gacanta koox xayawaanka ka mid ah oo taladeedii noqotay been, musuqmaasaq, dil iyo argagixis ay kula kaceen xayawaanka kale. ‘Bulshadii sinnaatay ee ka xorowday gaajo iyo karbaash, bulshadii mid kastiiba shaqeynayey inta tamar tiisu tahay, bulshadii kooda xoogga weyni ilaalinayey kan taagta daran’ ee ay higsanayeen waxa ay ku danbeysey ‘goor ey bahalo ah oo gurxamayaa meel la arko ku meereystaan; goor ay cid walba sandulle ku noqotay in ay daawadaan jaallayaal shooda oo hor tooda xubin-xubin loogu jarjarayo’. Dhaqanka Soomaalidana kuma ah wax cusub in xayawaanka laga hadliyo sida buuggu uga hadalsiinayo oo kale; sheekooyin badan oo dhaqanka Soomaalida ku jiraana waxa ay ku saabsan yihiin xoolaha la dhaqdo iyo habar-dugaagga, oo labaduba si aad ah ugu xidhan yihiin nololsha dadka. Hase yeelshee, dhaqannada dadyowga adduunka ee kala geddisan, iyo sida dhaqan kastiba u arko xayawaanka ku dhex nool (sida dhaqanka uu ka mid yahay ninka buugga qoray) ayaa keeni kara, in dad badan oo buugga akhriyayaa saari waayaan kaalinta doofaarrada. Horraantiiba waxa aannu ku sii baraarujineynaa dadkaas in ay jiraan dhaqanno la dhaqdo doofaarka, sida Soomaalidu u dhaqato xoolaha, hilib kiisana la cuno, in kasta oo caano aan laga maalin. Waxa kale oo aannu ku baraarujineynaa in dhaqannadaas qaar ka mid ahi aqoonsan yihiin in doofaarku u fariidsan yahay xayawaanka, iduhu u doqonsan yihiin, farduhuna u dammiinsan yihiin. Qoraalka Af Soomaaliga ayaannu iyana xoogaa ka odhanaynaa. Marka u horreysaba mahad weyn baannu u celineynaa Guddida Far Soomaalida ee soo gaadhsiisay qoraalka afka heerka uu maanta marayo; iyo dadka badan ee kale ee guddida aan ka mid ahayn, hase yeelshee, aan dedaal koodu sina uga yarayn dedaalka guddidu la timi. Waxba annaga oo aan ku sii dheeraan ayaannu aqoonsan nahay in abaal-gud koodu iman doono goorta ummadda Soomaaliyeed la soo noqoto awood ay ku abaal mariso ninkii wanaag u galay iyo kii xumaan ka galayba. Markii aannu isku daynay in aannu buuggan u beddelo Af Soomaali, haddiiba waxa aannu ku dhufannay foodda dhibaatooyin badan oo la xidhiidha qoraalka Afka. Dhibaatooyin kaas waxa u horreeya xuruuf ay nala noqotay in ay laba laabmaan sida: ‘dh’da,’x’da, ‘q’da, ‘c’da iyo ‘h’da. Xuruuf taas oo dhanna waannu laba laabnay goor kasta oo ay nala noqotay in ay u baahan yihiin laba-laabid. ‘Dh’da haddii aannu ku horreynno, dhibaatada ‘dh’da laba laabantaa waxa ay u gaar tahay dadka ku hadla ‘dh’da oo ka duwan kuwa ku hadla ‘r’da meelaha la isku beddelo ‘dh’da iyo ‘r’da. Waxa ay nala tahay in dadka ‘dh’da ku hadlaa leeyihiin ‘dh’ culus iyo ‘dh’ fudud; halka dadka ‘r’da ku hadlaa ka leeyihiin ‘dh’ culus oo keli ah. Meelaha dadka ‘dh’da ku hadlaa ka isticmaalaan ‘dh’da fududna, dadka ‘r’da ku hadlaa waxa ay ka isticmaalaan ‘r’. Sidaas darteed ayaan dadka ‘r’ da ku hadlaa u baahnayn in ay laba laabaan ‘dh’da; dadka ‘dh’da ku hadlaase u baahan yihiin laba-laabidda ‘dh’da si ay u kala soocaan ‘dh’da culus iyo ‘dh’da fudud. Laba-laabidda ‘dh’du maanta ma aha arrin fudud, maxaa yeelay, hindisaha hore ee qoraalka oo ‘dh’da u gartay wada-jirka labada xaraf ‘d’ iyo ‘h’ ayaan tix gelin in ‘dh’du laba laabanto. Sida Afku u qoran yahay maantana waxa uu khasbayaa in laba-laabidda ‘dh’du u qormo ‘dhdh’ taas oo aan noola muuqan wax la aqbali karo. Waxa beegan oo ay nala tahay in dadka qoraalka Afka daneeyaa arrinta ka geystaan talooyin si ay u suurtowdo in xarafka ‘dh’ si hawl yar u laba laabmo. In xarafka ‘dh’ u laba laabmo dadka ku hadla ‘dh’da, sida aannu horeba u sheegney, shaki kuma jiro. Tusaalena waxa innoogu filan: Fadhiiso oo ‘dh’ fudud ah, dadka ‘r’da ku hadlaana u qoraan fariiso iyo fadhdhi oo ‘dh’ culus ah, dadka ‘r’da ku hadlaana u qoro fadhi; in kasta oo ay nala tahay in iyaga qudh dhoodu u qori karaan fadhdhi, kol haddii si loogu wada dhawaaqayo, looguna dhawaaqayo fadh-dhi ee aan loogu dhawaaqayn fa-dhi. Tusaale kalena waxa weeye: Fadhi maayo oo macne heedu yahay qodi maayo ama baadhbaadhi maayo oo ‘dh’ fudud ah, dadka ‘r’da ku hadlaana u qoraan fari maayo iyo fadhdhi oo ‘dh’ culus ah, horena aannu u taabannay. Waxa isna jira ereyga cadho oo macni hiisu yahay xanaaq oo ‘dh’ fudud ah, dadka ‘r’da ku hadlaana u qoro ‘caro’ iyo ereyga ‘cadhdho’ oo ‘dh’ culus ah, macna hiisuna yahay cudur ku dhaca jidhka. Ereyada innoo muujinaya in ‘dh’du laba laabanto waa badan yihiin sida: aan gaadho, aan baadho, aan saydho oo dhammaan ‘dh’ fudud ah iyo aad gaadhdho, aad baadhdho aad saydhdho, oo ‘dh’ culus wada ah, loona akhriyayo: aad gaadh-dho, aad baadh-dho, aad saydh-dho, lagana dhigi karo sida saxa ah: aad gaadhto, aad baadhto, aad saydhto. Xarafka ‘y’ ayaannu isagana laba laabnay. Marar badan oo ay nala noqotay in uu laba-laabid u baahan yahayna waannu ka deynnay si aannaan buugga akhris kiisa u gelin dhibaato. Meelaha aannu ka fursan weyney ‘y’da laba-laab keeda waxa ka mid ah: erey, ereyyo oo loogu dhawaaqayo erey-yo, iyada oo ‘yo’da xagga danbe tilmaameysa jamac, sida balli, balliyo. Wayna nala toosnaan weydey in ereyga loo qoro sida faaftay ee ah: ereyo oo loogu dhawaaqayo ereyo. Horta wax ‘ere’ la yidhaahdaaba ma jiro. Haddii si daas la yeelona waxa ay nala tahay in ereygii si xun loo qalay oo laga tegey xaraf ka mid ah asalka ereyga, kaas oo ah xarafka ‘y’. Ereyyada kale ee arrin taas la xidhiidha waxa ka mid ah: gabay, gabayyo, gabayyaa; odey, odeyyo, odeyyaal; looguna dhawaaqayo gabay-yo, gabay-yaa; odey-yo, odey-yaal. Ereyga fule ama fuley hadba sida loo yaqaan, oo macna hiisu yahay qofka cabsada marka uu yahay jamac waxa loo qorayaa laba siyood oo ku xidhan hadba sida qofku u yaqaan ereyga – Fule, fuleyaal; fuley, fuleyyaal. Xuruufta ‘q’, ‘c’, ‘x’ iyo ‘h’, iyaguna waa laba laabmaan, gaar ahaan marka ay ugu danbeeyaan magac lab sida: xaq, faq, naq, baaq, baac, sac, laac, guux, foox, loox, rah, daah oo goorta la raaciyo qodobka caddeynta u qormaya: xaqqa, faqqa, naqqa, baaqqa, baacca, sacca, laacca, guuxxa, fooxxa, looxxa, rahha, daahha; looguna dhawaaqayo: xaq-qa, faq-qa, naq-qa, baaq-qa, baac-ca, sac-ca, laac-ca, guux-xa, foox-xa, loox-xa, rah-ha, daah¬ha. Ereyyada kor ku xusan marka lagu xidhiidhiyo ’tilmaan lahaansho’ sida: kayga, kiisa, keeda, tayda, teeda iwm, waxa ay u qormayaan sidan: xaq, xaqqa, xaq qeeda, xaq qayga, xaq qaaga, xaq qiisa. sac, sacca, sac ceeda, sac cayga, sac caaga, sac ciisa. loox, looxxa, looxxeeda, looxxayga, looxxaaga, looxxiisa. daah, daahha, daah heeda, daah hayga, daah haaga, daah hiisa. Marka ereyga loo qoro sida kor ku tilmaaman oo la kala reebo magacca iyo tilmaanta lahaansho, waxa meelsha ka baxaya ereyyadii dhaadheeraa ee qoraalka iyo akhriskaba ku ahaa dhibaato. Guud ahaan waxa ay nala tahay in ay laba laabmaan xuruuf ka badan kuwii la yidhi waa ay laba laabmaan. Waxa ay nala tahay waqti gan la joogo in la sheego xuruufta la hubo in aanay laba laabmin oo keli ah, kuwa kalena loo dhaafo hadba sida aqoontu u korodhto. Ilaa imminkana waxa aannu odhan karnaa, malaha ‘k’ da iyo ‘t’ da oo aan si doodaba ereyga Soomaaligu ku dhammaan ayaan u baahnayn laba-laabid, in kasta oo odhaah daas qudh dheeda laga doodi karo. Xuruufta laba laabanta ee aannu hore uga faalloonay ka sokow, waxa jira marar badan oo falku ku dhammaado ‘y’ oo aannu laba laabnay ‘n’da ka danbeysa ‘y’da marka qofka kowaad ee jamacca ahi hadlayo sida: hay, aannu haynno; lay (laa), aannu laynno; ray, aannu raynno; goy (goo), aannu goynno; gey (gee), aannu geynno; qoy (qoo), aannu qoynno; hoy (hoo), aannu hoynno; iyada oo aannaan laba laabin kuwa kale: cay, aannu cayno; day, aannu dayno; dhay, aannu dhayno; qoy, aannu qoyno. Waqti ganna wax badan kama odhan karno sababta ‘n’du u laba laabantay qaybta hore, qaybta danbese u laba laabmi weydey. Qaybta hore magacyada ka sameysmaa waa: hayn, layn, rayn, goyn, geyn, qoyn iyo hoyn, iyada oo ‘no’ danbena tilmaameysa qofka kowaad ee jamacca ah (Annaga ama Innaga). Qaybta labaad magacyada ka sameysmaa waa: caayid, dayid, dhayid, qoyid. Arrinta ka-faallood keedu waa mid u taal culimada qoraalka Afka iyo ciddii kale ee daneysa. In taas waxa noo raaca oo aannu soo qaadeynaa falal badan oo ku dhammaada xarafka’d’, sida: gad, qaad, shid, jiid, iwm. Laba siyood baannu u isticmaaleynaa fal kasta si aannu u muujinno ujeeddada aannu ka leenahay: way gadday, way gadatay; way qaadday, way qaadatay; way shidday, way shidatay; way jiidday, way jiidatay. Ujeeddada yaduna waxa weeye goorta falka loo isticmaalo sida labaad, laguna isticmaalo qofka saddexaad ee jamac ah (iyaga); ama qofka saddexaad ee keli ah ee lab (isaga); ama qofka kowaad ee keli ah (aniga). Tusaale ahaan haddii aannu u qaadanno qofka kowaad ee keli ah, waxa aannu aragnay in sida faaftay ee falal kaas loo qoraa tahay: waan gatay oo qaatay. Markii aan ka jiitay meelshii aan ka gatay, baan dab shitay. Annagase waa nala noqon weydey in qoraalka falalku si daas yahay. Iyada oo lagu dhawaaqo mooyaane, ereyyada laguma suureyn karo falalka ay ka yimaaddeen ee ah: gad, qaad, shid, iyo jiid. Sababtu waxa weeye iyada oo laga tegey xaraf ka badh ah ereyga, oo la’aantiis aan ereygu macne yeelan karin, kaas oo ah xarafka ‘d’. Waxay nala tahay in aan xaraf shibbane ahi lumi karin, wuuse isbeddeli karaa sida: ‘n’ iyo ‘m’, la isku beddelo; ‘b’ iyo ‘w’, la isku beddelo; ‘g’ iyo ‘k’ la isku beddelo. Xaraf shaqal ahise waa lumi karaa. Si daas dar teed, falalka qoraal kooda iyo dhawaaq qooduba waxa ay noqonayaan: waan gadtay oo qaadtay. Markii aan ka jiidtay meelshii aan ka gadtay baan dab shidtay ‘d’da dhawaaq qeedu haddii uu aammusan yahay waxba kuma jabna. Lagamase tegi karo, bay nala tahay. Faallada la xidhiidhta qoraalka Afka waxa aannu ku soo gebagebeeneynaa ereyyo kale oo iyana qoraal koodu nagu adkaaday; sida faaftay ee loo qoraana na qancin weydey. Ereyya daasi waxay ku dhammaadaan xarafka T. Qaar waa falal sida: hel, dil, fil, iwm; qaarka kalena waa magacyo dheddig sida: Hal, meel, beel, fool iwm. Falalka haddii aannu ku horreynno, dhibaatada nala kulantay waxa weeye sida falku u qormayo goorta lagu isticmaalo: qofka labaad ee keli ah ama jamac ah (adiga iyo idinka) iyo qofka saddexaad ee keli ah ee dheddig (iyada). Sida faaftay, falka ‘hel’ marka lagu isticmaalo qofaf kaas aannu kor ku sheegnay waxa loo qoraa sidan: waad heshay, (adigu); waa aydin hesheen (idinku); way heshay, (iyadu). Waxa meelsha ka baxay xarafka ‘l’ oo falka ‘hel’ aanu ka maarmin. Waxa la lumiyey xaraf shibbane ah oo ay tahay in aanu lumin, sida aannu hore u sheegnay. Waxa ay nala tahay in aan qoraal kaasi toosneyn, oo erey yadaasi u qormayaan sidan: waad helshay (adigu); waa aydin helsheen (idinku); way helshay (iyadu). Aamusnaanta ‘l’du waxba ma dhimeyso. Waxaase lagama maarmaan ah in ay joogto oo aan la lumin. Magacyada dheddig ee ku dhammaada xarafka ‘l’ waxay la mid yihiin falalka oo iyagana waxa laga lumiyaa ‘l’da goorta lagu xidhiidhiyo qodobka caddeynta oo ah ‘sha’da. Waxa faaftay in magacya daas loo qoro sidan: hal, hasha; meel, meesha; beel, beesha; fool, foosha; iwm. Sidii hore oo kale waxa la lumiyey xarafka ‘l’da oo ka tirsan asaaska ereyga. Waxa ay nala tahay in qoraalka ereyya daasi noqdo sidan: hal, halsha; meel, meelsha; beel, beelsha; fool, foolsha. Aamusnaanta ‘l’du waxba ma dhimeyso oo ‘sha’da ayaa la xoojinayaa ama la shedayaa; waase in ay joogto oo aanay lumin. Faalla daas dheer ee ku saabsan qoraalka Afka ugama jeedno in aannu cid ku xumeynno, ama aannu sheeganno aqoon aannaan lahayn. Ujeeddada aannu ka leenahay faallada waa laba: Ujeeddada kowaad waxa ay tahay in aannu uga sii digno dadka akhriyaya buugga in ay kala duwan yihiin sida ay u qoraan ereyyada qaar kood iyo sida aannu u qornay. Maskax dayaduna waa u furan tahay cid kasta oo nagu baraarujisa gef aannu galnay, annaga oo fileyna in gefaf badani ku jiraan. Ujeeddada labaad ee aannu ka leenahay faallada qoraalka Afka waxa weeye in aannu ku baraarujinno inta xiiseysa qoraalka Afka oo ay ku jiraan mas’uuliinta, culimada Afka, wargeysyada iyo dadweynuhuba in qoraalka Afku yahay bilow weli ceedhiin, hore-u-marin tiisuna u baahan tahay hawl aan yarayn. Ugu danbeyntiina waxa aannu qireynaa kaalinta weyn ee soo-saaridda buugga ay ka qaadteen Qaalib Muuse Caafi, Axmed Zaki Guuleed iyo Cabdillaahi Cabdi Axmed oo dhammaan tood waqti badan ku lumiyey; talooyin iyo toostoosin aan la qiimeyn karin oo xagga Afka ahna noo geystay. Maxamed Yuusuf Cartan Cutubka 1aad Ninkii la odhan jirey Mistar Joonis ee lahaa beerta lagu magcaabo ‘Beerta Maanor’ ayaa habeennimadii quful ku soo jebiyey xeryihii digaagga. Hase yeelshee, khamrigii uu iska badiyey ayaa illowsiiyey in uu sii xidho daloollada laga eego xayawaanka xereysan. Isaga oo kaalmeysanaya weegaartii iftiinka ahayd ee faynuuskii uu sidtey sameeyey ayuu mar kaas sii dhacdhacay qolqolka isaga oo leexaysanaya. Irriddii danbe ee guriga markii uu gaadhay, kabihii ayuu iska dhilliyey. Haan biire ku jirey oo qolka weyn tiilley ayuu mar kaas ka shubtay bakeeri isaga oo is-leh kaasi ha kuugu danbeeyo. Bakeeri gaas markii uu laacay ayuu ku ciiray sariir tiisa oo afa diisu durba ka sii khuurineysey. Iftiinkii ka baxayey qolka Joonis seexdo markii uu demey ayaa nuuxnuuxsi, dhaqdhaqaaq iyo baalal bafbaf toodu saameeyeen beerta oo dhan. Sababtu waxay ahayd iyada oo maalinnimadii la isku sii war geliyey in Duqqa Mijir ku riyooday xalay riyo amankaag leh. Duqqa Mijir waxa uu ahaa doofaar cad oo qoodh ah, billadona ku helay bandhigyadii xoolaha ee la geeyey. Wuxuuna rabey in uu gaadhsiiyo xayawaanka kale riya diisu waxa ay ahayd. Si daas ayaa la isu sii war geliyey in lagu kulmi doono xerada weyn ee beerta, goorta uu horreysa ee Joonis aanu ka dhoweyn meelsha. Duqqa Mijir had iyo jeer magac caas ayaa loogu yeedhi jirey in kasta oo magacca lagu geyn jirey bandhigga xoolaha ahaa Quruxdii Magaalada Wellindhon aad baa looga qadderin jirey beerta. Si daas dar teed, xayawaanku waxay u wada diyaar ahaayeen in ay saacad hurda seegaan si ay u dhegeystaan waxa uu odhan doono. Xeradaas weyn ee lagu shirayey waxay lahayd meel ka taagan xerada in teeda kale oo rako oo kale ah. Hal kaas ayaa Duqqa Mijir soo kuududsaday isaga oo caws u goglan yahay, faynuusna kor sudhan yahay. Duqqa Mijir waxa uu ahaa laba-iyo-toban-jir ay fuulshay baruur dheeraad ahi beryahan danbe. Taas oo jirtey ayuu haddana weli lahaa muuqqii boqor lahaan jirey. Weji giisana waxa ka muuqdey murti-badni iyo raxmad, in kasta oo foolalsha dhaadheer aan laga gaabin marna. Muddo yar daba deedna, xayawaankii baa ku soo qulqulay xerada lagu shirayey, hal kaas oo koodii yimaaddaaba u fadhiistay sidii uu jeclaa. Waxa u soo horreeyey saddexdii ey: Buluubel, Jesi iyo Binjar. Waxa ku xigey doofaarrada oo iyagu dul kamandhuudhsaday caws goglanaa meel xerada xag geeda hore ah oo rakada aad ugu dhow. Digaaggu waxay fuuleen daaqadaha iyo irridaha dul shooda. Lo’dii iyo idihii waxay fadhiisteen meel ah doofaarrada dhabar kooda oo kolkiiba bilaabeen calalnaqsi. Labadii faras – Boskar iyo Koloofar – ee gaadhi-faraska jiidi jirey, dhuukin bay ku soo wada galeen, iyaga oo aad uga digtoon meelsha ay qoobabka dhigayaan si aanay ugu tuman xayawaanka yaryar ee laga yaabo in ay ku qarsoon yihiin cawska hoos tiisa. Koloofar waxay ahayd geenyo shilis oo fildhexaad u saaran cidhifka. Afar-dhal keeda dabadiina waxa ka lumay sabarkii ay lahaan jirtey markii ay ugbeyd. Boskar se waxa uu ahaa faras aad u weyn oo joog giisu ku dhow yahay siddeed iyo toban taako, laxaad kiisuna u dhigmo laba faras laxaad kooda oo la isu geeyey. Waxa uu lahaa oog cad oo kaga dhereran sanka, oog taas oo Boskar u yeelshay arag doqonniino*. Sida runtu ahaydna, Boskar laguma xaman jirin fahma-badni iyo maskax-wanaag midna. Hase yeelshee, xayawaanku sida ay u dhan yihiin waxay Boskar ku qadderin jireen degganaanta dabeecad diisa iyo hawlkarnima diisa. Labada faras waxa daba joogey ridii caddayd ee Mureel iyo dameerkii Benjamin. Benjamin dhif iyo naadir buu yeedhi jirey. Kolka uu yeedhona waxa uu badanaaba nololsha ka abbaari jirey dhinacca gurracan. Benjamin haddii lagu yidhaahdo: dabada waxa Eebbe kuu siiyey in aad iskaga hirto duqsiga, waxa ka suuroobi lahaa in uu yidhaahdo, “Oo maa duqsiga iyo dabadaba la naga deysto.” Taas waxa u sii dheeraa isaga oo ahaa xayawaanka keli ah ee beerta ku nool ee weligiis iyo waaqqiis aan qoslin. Haddii sababta la weydiiyeyna, wax uu ku jawaabay in wax lagu qoslaaba aanay jirin. Dabeecad diisa oo si daas u adkeyd, ayuu haddana u daacad ahaa Boskar, in kasta oo isagu marna aanu arrin taas qiran. Maalmaha Axadaha ee hawlsha laga nasanayo, waxa labadu wada joogi jireen jeex ahaa beerta tufaaxxa shisha deeda, hal kaas oo ay aamusnaan isku barbar daaqi jireen. Labada faras oo mar kaas uun fadhiistay ayaa xayn is-daba guureysa oo dhallaanka shinbir-badeedda ahi soo galshay xerada. Xayntu, mid hore u rajowday bay ahayd. Iyaga oo jiiqjiiq leh oo hadba dhinac isu gurdan raacaya ayaa shinbirihii yaryaraa daydaydeen meel ay fadhiistaan oo aan lagu tuman karin. Tamar-darri dooda markii ay aragtay ayaa geenyada Koloofar ugu sameysay jeenya heeda xero ay dhex galeen oo durbadiiba ku gam’een. Waqtigii loo ballamay shirka oo wax door ahi aanay ka hadhin ayay soo galshay Moolli, geenyadii caddayd ee nacasta quruxda badan ahayd, Joonisna u jiidi jirtey gaadhiga uu fuulo. Waxay soo galshay iyada oo is-luleysa, kuus sonkor ahna qadhiidheysa. Sidii ay u soo socotey bay fadhiisatay meel ah xerada xag geeda hore. Markii ay fadhiisatayna waxay bilowday guud keeda cad oo ay lulsho, iyada oo yididdiilo ka qabta in indhaha xayawaanka kale qabtaan boqorka cas ee guud keeda ku shaqlan. Ugu danbeystii, waxa soo galshay bisaddii oo sida caada deedu tahay daydayatay meelsha ugu dugsoon xerada. Go’aan keedii waxa uu noqday in ay isku cidhiidhido Boskar iyo Koloofar dhex dooda, hal kaas oo ay raalli ku noqotay, kana gurxantay muddadii Duqqa Mijir jeedinayey hadal kiisa oo dhan, iyada oo erey keli ah aan ka dhegeysan waxa uu ku hadlayey. Si daas ayaa xayawaaka beerta oo idili u wada yimaaaddeen, Moosis ma ahee. Moosis waxa uu ahaa coomaadde la rabbeeyey oo ku guud seexan jirey udub ku quturan irridda danbe ee guriga Joonis hor teeda. Duqqa Mijir goortii uu arkay in la wada meel samaystay oo waxa uu odhan doono loo wada feejig yahay, ayuu qufac yar ku bannaystay dhuunta. Hadal kiisii buu mar kaas bilaabay; wuxuuna yidhi: “Jaallayaal, waydin wada maqalsheen in aan ku riyooday xalay riyo amankaag leh. Aniga oo goor dhow idiin sheegi doona waxay ahayd riyadu ayaan jecleystay in aan ka horreysiisto arrin kale. Jaallayaal, kuma wado in aan idinla sii joogi doono bilo badan. Si daas dar teed bay ila noqotay in waajib kaygu, inta aanaan dhiman, yahay in aan idiin soo gudbiyo waxxii aan murti hantiyey. Sida aydin wada og tihiinna, muddo dheer baan noolaa, waqti badan oo aan ku fekerona waan haystey in tii aan jiifey xera dayda. Mudda daana, nololshu waxay tahay aad baan uga fekeray. Imminkana waxay ila tahay in aanu jirin xayawaan keli ah oo iiga aqoon badan nololshu waxa ay tahay. “Haddaba jaallayaal, maxay tahay nololshan aynnu nool nahay? Runta haddii aan la iska indha saabin, nololsha aynnu nool nahay waa mid silic, saxariir iyo rafaadba leh, oo gaaban. Nolol sheennuba waxay ka kooban tahay innaga oo dhalanna; inta aynnu nool nahay, innaga oo la inna siiyo cunto wax-tar keedu ku kooban yahay jidhka iyo lafaha oo ay isku hayso; innaga oo kuweenna awoodda leh lagu dirqiyo in ay adeegaan ilaa la gaadhsiiyo meelsha u danbeysa itaal kooda; innaga oo naxdin-la’aan birta la inna mariyo marka aan faa’iido danbe innagu hadhin. Si daas ayaan xayawaan keli ah oo Iglan ku nooli u aqoon badhaadho iyo nasasho waxa ay yihiin. Si daas ayaan xayawaan keli ah oo Iglan ku nooli u madax bannaaneyn, si daas ayaa nololsha xayawaanku nool yihiin u tahay silic iyo addoonsi. Runta oo qayyaxani waa si daas. “Haddaba aan is-weydiinno, ee ma waxay si daas ku noqotay dabeecadda iyo nidaamka adduunka oo si daas wax u habeeyey? Ma dhul keennan baa sabool ah oo, kuwa ku kor nool, aan u awoodi karin nolol sharaf leh? Maya, jaallayaal, kun jeer baan leeyahay maya! Ciidda Iglan waa mid wax ka baxaan, hawa deedu waa mid wanaagsan, awoodna waxay u leehday in ay soo saarto cunto ka fara badan xayawaanka eegga ku kor nool. Beer teenna keli geed waxay hayn kari lahayd laba iyo toban fardo ah, labaatan lo’ ah, iyo tirooyin ido ah, iyaga oo ku wada nool nolol leh raaxo iyo sharaf ka ballaadhan wax aynnu imminka ka fekeri karno. Haddaba, sababta aynnu nololshan silicca leh ugu waareynaa maxay tahay? Sababtu waxa weeye iyada oo Bani- aadmi innaga wada xado tacabka hawl sheennu dhaliso wax yar ma ahee. Hal kaas weeye, jaallayaal, barta laga heli karo jawaabta dhibaatooyin keenna. Erey keli ah ayaa lagu soo koobi karaa dhibaatooyin keenna oo idil – erey gaas oo ah: Bani-aadmi. Bani- aadmi waa nacab keenna keli ah ee dhabta ah. Bani-aadmi ka fogee meelsha, wax la waayi doonaa wax kasta oo sabab u ah macaluul sheenna iyo luufluuf keennee. “Bani-aadmi waa san-ku-neeflaha keli ah ee wax cuna isaga oo waxba aan soo saarin. Caano lagama maalo, ukun ma dhalo, itaal uu beeraha ku qodo iyo dheereyn uu bakaylaha ku qabsado midna ma leh. Haddana, Bani-aadmi waa sayidka xayawaanka. Isaga ayaa xayawaanka hawl geliya, daba deedna isaga ayaa xayawaanka kale dib ugu soo celiya cunto inta u yar ee macaluul- u-baqti ka baajisa. Inta kalena isaga ayaa la hadha. Xoog geenna ayaa ciidda qoda, saala deenna ayaa nafaqaysa; haddana, innaguma jiro mid keli ah oo haysta wax maqaar kiisa dhaafsiisan. Lo’dan i hor joogtaay, immisa kun oo galaan oo caano ah ayaa la idinka lisay sannaddii tagtay? Maxaase ku dhacay caana haas aydin ku kobcin lahaydeen weyla hiinna? Dhibic wal oo caana haas ahi waxay martay jidiinka nacab keenna. Idinka digaagow, intee baydin ukun dhalsheen sannadkan? Ukun taase intee baa ka dillaacday? Intii dillaacday ma ahee, intii kale oo dhan waxa la geeyey suuqqa, si ay ugu soo hoyso lacag Joonis iyo ciidan kiisa. Adigan Koloofar ahna, aaway afar taadii qayli ee duqnima daada u noqon lahaa taageero iyo farxad? Gu’-jir baa mid walba lagu gaday. Mid koodna weligaa dib u arki meysid. Muxuuse noqday abaalgudkii afar-dhal kaaga iyo hawlaha aad ka qabato beerta? Cunto yar iyo xero-faras mooyaane wax kale ma ka haysaa? “Iyada oo si daas ah, ayaan haddana nolol shaas silicca leh loo oggoleyn in ay dhammaysato geda heeda. Anigu haddii aan iska hadlo, kolleyba caban maayo oo laba iyo toban gu’ baan ka gooyey baarka, carruur boqol kor u dhaaftayna waan dhalay. Laba iyo toban guna waa inta ay ku sugan tahay nololsha doofaarku. In kastaba ha gaadhdho nololsha xayawaanku, ee kolleyba waa tii dhegta dhiigga loo daray. Idinka doofaarradan gabannada ah ee hilibka loo dhaqo ina hor fadhdhiyow, mid wal oo idinka mid ahba sannadku inta aannu dhammaan baa sariibadda naftu cabaad kaga bixi doontaa. Dhammaan teenna cidhib-xuma daas ayaynnu ku danbayneynaa: lo’, doofaar, digaag iyo ido, mid kasta aan ahaannee. Fardaha iyo eyduna ma aayatiin dhaamaan xayawaanka kale. Adigan Boskar ah, maalinta u horreysa ee muruq yadaadu debcaan ayaa Joonis kaa iibin doonaa farda-qalaha; kaas oo ku gowrici doona, kuna karkarin doona si ay kuu cunaan eyda lagu ugaadhsadaa. Eydu goorta ay duqoobaan oo ilka beelaan, Joonis inta uu qoorta ugu xidho dhagax, ayuu ku hafiyaa balliga ugu dhow. “Haddaba jaallayaal, miyaanay dharaar ka caddayn in ilsha ibtilooyin keennu ka soo burqanayaan tahay dulmiga Bani-aadmiga? Ha huleelo Bani-aadmi, si aynnu u hantino midhaha tacab keenna; ha huleelo Bani-aadmi si aynnu, habeeniyo dharaar dhex dooda, u noqonno hodon madax bannaan. Maxaa haddaba innala gudboon? Maxay kale oo aan ahayn in aynnu habeen iyo dharaar awood deenna isu geynno, una halganno af-gembiga Bani-aadmiga! “Jaallayaal, waa kaas dardaaranka aan idiin soo jeedinayaa: Kacaan weeye arrinta innala gudbooni! Mana ogi goorta kacaan kaasi iman doono. La arkee in uu yimaaddo toddobaad kan guda hiisa, lana arkee in uu qaadto boqol gu’. Waxa aanse hubaa, sida aan u hubo in uu jiro caws kan addima dayda hoos goglani, in caddaaladi hir geli doonto ha dheeraato muddadu, hase dhowaatee. U feejignaada arrin taas jaallayaal, muddada gaaban ee aydin nool shihiin. Feejigaanta ka sokow, dardaaranka u tebiya kuwa idinka danbeyn doona si filalka danbe u wadaan halganka, ilaa ay guuleystaan. “Xusuusnaada, jaallayaal, oo waa in aan marna niyad-jab idinku dhacin. Muran iyo tusaaleyn kastaa waa in aanay idin habaabin, dhegna waa in aydaan u dhigin kolka ay idiinku sheekeeyaan in Bani-aadmi iyo xayawaan dan wadaagaan oo badhaadhaha mid kood helaa tahay kan kale badhaadha hiisa. Been weeye wax xaas oo dhammi. Dan la wadaagaana ma jirto. Bani-aadmina uma adeego dan aan tiisa ahayn. Ogaada oo xayawaan haddii aynnu nahay, waa in halgan keennu innagu dhex abuuraa midnimo iyo jaallanimo saxar la’. Ogaada oo Bani-aadmi meel uu joogoba waa col, xayawaanna waa wada jaallayaal.” Hadalkii Duqqa Mijir oo hal kaas maraya ayaa xayawaankii mar keli ah buuq isku wada dareen. Malaha intii Duqqa Mijir hadlayey ayaa afar jiir ka soo baxeen godad koodii. Qaarka danbe inta ay ku soo fadhiisteen ay ay hadalka dhegeysteen. Jiirka arag giisii baa haddaba wax lama-filaan ah ku noqday eydii. Qabsada, markii ay is-yidhaahdeen ayaa jiirkii degdeg libiq ugu yidhaahdeen godad kooda si ay u badbaadiyaan nafa hooda. Duqqa Mijir baa mar kaas raafka kor u taagay si loo aamuso; wuxuuna yidhi: “Jaallayaal, waxa inna hor taal arrin mudan in meel la isla dhigo. Aan is-weydiinno, ee xayawaanka debed-joogga ah ee jiirka iyo bakayluhu ka mid yihiin, ma innala saaxiib baa, mise waa innoo nacab? Cod aan u qaadno arrin taas. Su’aalsha aan shirka soo dhex dhigayaana waxa weeye: Jiir ma yahay jaalle?” Hal kii baa cod degdeg ah lagu qaaday. Badina waxa la isla oggolaaday in jiir yahay jaalle. Afar diidmo oo keli ah ayaa jirey. Afar taas diiday jaallanimada jiirka waxay kala ahaayeen saddexda ey iyo bisadda. Mar danbena waxa la ogaaday in bisaddu labada dhinacba’ siisay codka. Duqqii Mijir ayaa daba deed hadal kiisii wadtay oo yidhi: “Wax yar uun baa ii hadhay in aan idhaahdo. Waxa aan idinku adkeynayaa in aydin weli giin xusuusnaataan waajib kiinna ah neceybka Bani-aadmiga iyo dhaqan kiisa. Xusuusnaada oo laba- addinle meel uu joogoba col baynnu nahay; afar addinle iyo haadna saaxiib baynnu nahay. Iyana xusuusnaada oo dagaalka aynnu Bani-aadmi la galnaa yaanu Bani-aadmi innoo ekeysiin. Ha qaadanina waxyaalaha uu ku camal falo goorta aydin Bani-aadmi jebisaan. Xayawaan waa in aanu weli giis ku noolaan guri, ku seexan sariir, galshan dhar, cabbin khamri iyo buuri, taaban lacag, ganacsina gelin. Ogaada oo caadooyinka Bani-aadmiga oo idili waa saancad. In taas oo dhan waxa ka sii weyn, in xayawaanna aanu dulmin mid kale. Ogaada oo mid itaal daran iyo mid itaal weyn, mid xeel dheer iyo mid kaleba, walaalo ayaynnu wada nahay. Xayawaanna waa in aanu mid kale ka gelin dhagar. Xayawaan oo idili waa siman yihiin. “Imminkana, jaallayaal, wax baan idiinka sheegayaa riya daydii xalay. Riyadu sidii ay ahayd idiin kuma tilmaami karo. Waxay ahayd riyo ku saabsan sida dunidu noqon doonto goorta Bani- aadmi la waayo. Waxay i xusuusisay waxyaalo aan beri hore illaabay. Waxay i xusuusisay waqti hore oo imminka laga joogo guyaal badan, aniga oo gaban ah, oo hooyaday iyo doofaaradaha kale ku heesayaan hees gabowday oo ay ka yiqiinneen codka iyo saddexda erey ee u horreeya. Anigu dhallaannima daydii baan codka maqli jirey oo iqiin; hase yeelshee beri hore ayuu ka baxay maskax dayda. Xalay baase codkii iigu yimi riyada. Soo-laabashada codka waxa ka sii darnaa midhihii heesta oo dhan oo iyana igu soo duxay – midho aan hubo in ay yihiin kuwo xayawaankii hore ku heesi jirey, hase yeelshee muddo dheer la hilmaamay. Imminkana jaallayaal, hees taas ayaan idiinku heesayaa. Duqna waan ahay oo cod kaygu xabeeb buu leeyahay. Hase yeelshee idinka ayaa si fiican ugu heesan doona kolka aan idin baro codka. Heesta wax la yidhaahdaa ‘Iglan Xoola heedow.'” Mar kaas ayaa Duqqii Mijir dhuunta ku banneystay qufac yar oo bilaabay heestii. Sidii uu sii sheegay, xabeeb baa cod kiisu lahaa; hase yeelshee si aad u ladan buu ugu luuqeeyey. Luuqda heestu waxay ahayd mid dhiigga dhaqaajinaysa, midha heeduna waxay ahaayeen: Iglan xoola heedow, Ayrlaan ku weedow, Idil adduunya deennana, ood kastaba ku noolow, Akhbaar farax ileeyoo, aaya heenna dahabka ah, Imaatin kiisa sheegay, si aad ah u dhegeyso. In kastaba ha raagtee, way iman ayaaniyoo, Dhibaha aadmi gaas wada, afgembi baa ku dhaciyoo, Iglan beera heedaas, anfaaci goodu badan yahay, Aadmiga la’aantiis, asal keen baa u hadhiyoo. Adayg-badan giraangir ah, sanka iga aroorsheen, Udubka adhaxda lay sudhay, had walba ku adeegona, Way aasmi doonaan oo, arag good la waayiye. Xakamaha af kaygiyo, ilka hayga gaamuray, Irbadaha i mudmudayee, orod igaga doonaan, Isticmaal la’aantuba, aayar way u daxaleyn, Ma-arxame karbaashkana, eedaad kiisu waa hadhi. Hodonnimo intay tahay, astaame heedu koobneyn, Sarreen aan in yar ahayn, heed aad u tira badan, Cawska udugga badaniyo, ootis aan xadba lahayn, Digirta ayni geediyo, alaab aanan tirin karin, Innagaa u aayiyoo, ubad keenna dhaxalsiin. Iglan beera heedaas, iftiin baa dhammaynoo, Biyuhuna intii hore, waa ka arag samaanoo, Ur waxay mudteeniyo, usgaggu waa ka teigiyoo, Eeggaan xorownona, ufo caafimaad oo, Ka udgoon intii hore, ooga deenna mariyoo. Idilkeen haddaan nahay, in kastay ogaal tahay, Oogsashada aroor taas, hor teed aynnu eber nahay, Ujeeddada ayaan taas, waa in loo adeegoo, Ka-xorow addoonsiga, awood weyn la saaraa. Iglan Xoola heedow, Ayrlaan ku weedow, Idil adduunya deennana, ood kastaba ku noolow, Si aad ah u dhegeysoo, akhbaar taydan nololshiyo, Aaya heenna dahabka ah, imaatin kiisa sheegay, Arlo intaad degtaaniyo, adduunyada ku faafiyoo. [‘Oats’ (oo u dhigmaysa – ootis) waa erey Ingiriisi ah oo ogaan meelshiisa aannu ugu deynnay; waana midho u baxa sida qamandida oo laga sameeyo boorijka.] Heesta la heesay ayaa xayawaanku la wada jibboodeen. Duqqa Mijir oo heesta dhammaad keediiba aan gaadhin, ayaa xayawaanku markiiba bilaabeen in iyagu heesaan. Cid kaleba iska dhaaf, ee ku woodii u dammiinsanaa baa qabtay luuqda heesta iyo dhawr erey oo midhaha ka mid ah. Ku woodii fahmada badnaa, sida doofaarrada iyo eyda, cabbaar yar haddii la joogeyba, midhihii heesta oo dhan bay ka hayeen korka. Dhawr jeer oo tijaabo ah markii la sameeyey ayaa lagaga dayyaamiyey heesta ‘Iglan Xoola heedow’ iyada oo si aad ah la isula helay. Lo’, ey, ido, fardo iyo shinbiro, mid kastiba waxa uu heesta ku qaaday cod kiisa u gaarka ah. Dhammaan toodna si aad ah ayay heesta u jecleysteen oo waxaba suuroobi lahaa in ay heesta wadaan habeenku sida uu u dhan yahay haddii aan laga soo dhex gelin. Nasiib-darri dooda, dayyaankii heesta ayaa baraarujiyey Joonis oo kol kiiba ka soo booday sariirta. Waxa uu mooday in dawaco soo galshay qolqolka oo soo dhufsaday bunduq had iyo jeer ugu tiirsanaan jirey qolka uu seexdo. Sidii uu tooganayo mugdiga habeenka ayuu mar kaas is-raaciyey dhawr xabbadood, ku waas oo isku aasay xerada lagu shirayey derbi geeda. Si daas ayaa shirkii loogu kala yaacay iyada oo xayawaan kastiba u cararay meelshii uu seexan jirey. Shinbiruhu markiiba waxay u balow yidhaahdeen daloolladii ay seexan jireen; xayawaanka kalena waxay ku wada kor xasileen cawskii u ahaa gogolsha. Muddo yar daba deedna beerta oo dhanba waa laga hurdey. Cutubka 2aad Saddex habeen kolkii laga joogey khudbaddii Duqqa Mijir, ayaa Duqqa Mijir si fudud hurdada ugu fiddigay. Meyd kiisiina waxa lagu aassay beerta tufaaxxa ag teeda. Bilsha Maarj horraan teeda ayay ahayd goorta Duqqa Mijir geeriyooday. Saddexdii bilood ee ka danbeeyeyna waxa beerta lagu arkay dhaqdhaqaaq badan oo qarsoodi ah. Dhaqdhaqaa qaasi waxa uu ka abuurmay khudbaddii Duqqa Mijir oo xayawaanka in tooda garashada dheer bartay siyaalo hor leh oo nololsha loo eego. Hana moodin in xayawaan kaasi xog ogaal u ahaayeen goorta uu dhaci doono kacaankii Duqqa Mijir saadiyey. Sabab ay ku filaan in kacaan kaasi dhaci doono inta ay nool yihiinna ma jirin. Hase yeelshee, si cad bay xayawaan kaas ugu muuqatay in xil koodu yahay in ay is-diyaariyaan. Hawlihii ay la yimaaddeen waxbarista iyo isku-dubbaridka xayawaanku, si doodaba waxay dulsha ka fuuleen doofaarrada oo badanaaba loo aqoonsan yahay in ay u fariidsan yihiin xayawaanka. Doofaarrada beerta ku noolaana waxa ugu magac dheeraa laba doofaar oo qoodh ahaan loo dhaqayey, laguna kala magcaabi jirey Isnoobool iyo Naabooliyoon – laba daas oo Joonis damacsanaa in uu gado goorta ay si fiican u koraan. Naabooliyoon waa jimidh weynaa, arag giisuna, argagax aan yarayn buu cid walba gelin jirey. Caanna waxa uu ku ahaa in uu yeelsiin karo xayawaanka kale hadba sida uu rabo, in kasta oo aanu hadal badneyn. Naabooliyoon waxa aad uga duwanaa Isnoobool oo isagu aad buu uga weji furfurnaa, hadalka ka heli ogaa, wax-cusub-abuurkana kaga fiicnaa. Hase yeelshee, sina looguma wadin in raganima diisu u qota dheer tahay sida Naabooliyoon. Doofaarrada kale sida ay u dhammaayeen, waa wada dhufaannaayeen oo qalliin baa loo dhaqayey. Iyagana waxa u caansanaa ku yar oo buuran oo lagu magcaabi jirey Iskuwiilar. Iskuwiilar waxa uu lahaa caman buurbuuran, indho cadcad, soc-socod fudud iyo cod dhuuban oo xun. Waxa uu ahaa aftahan caado u leh in uu hadba dhinac u boodo, dibkana ruxo, kolka uu ka murmayo arrimaha qallafsan. Boodboodis taas iyo dib-lul kaasina waxay ahaayeen xeeladaha uu ku sasabto kuna qanciyo xayawaanka kale. Xayawaanka kalena waxay Iskuwiilar ku xaman jireen in muran kiisu, wax madow oo aad aragtid kaaga dhigi karo caddaan. Saddex daas doofaar ayaa tifa tiray tusaalooyinkii Duqqa Mijir, kana soo saaray hab cusub oo loo fekero. Hab kaas cusub waxay ku magcaabeen Mabda’a “Xayawaannimada”. Saddex dooda ayaa toddobaadkiiba dhawr jeer shir u qaban jirey xayawaanka in tooda kale goorta Joonis hurdo. Mabda’a Xayawaannimadu waxa uu yahay ayay ku fasiri jireen shirka. Horraantiina waxa ay kala kulmeen xayawaanka dammiinnimo iyo xiisa la’aan ay u sabab ahaayeen xayawaanka qaar kood oo ka hadli jirey waajib kooda ah in ay daacad u ahaadaan Joonis – Joonis oo ay kol walba ku magcaabayeen “sayid keenna”. Qaar waxay ku dhawaaqeen hadallo bilow ah oo ay ka mid yihiin, “Joonis wax buu inna siiyaa, haddii uu innaga tagona macaluul baynnu u baqtiyi doonnaa.” Qaar kalena waxay soo jeediyeen su’aalo ay ka mid yihiin, ‘Maxay tahay danta innaga haysa waxa dhaci doona goorta aynnu dhimanno?’ amaba, ‘Sidee baa hawlgal keennu wax u kordhin doonaa, kolleyba haddii kacaanku iman doono oo lama-huraan yahay?’ Doofaaradiina, dhibaato weyn bay la kulmeen markii ay is-yidhaahdeen xayawaanka kale dhacsiiya in waxyaala haasi ka soo hor jeedaan, lidna ku yihiin Mabda’a Xayawaannimada. Su’aalaha u doqonniino weynaa waxa weydiisay Moolli, geenyadii caddayd. Su’aal sheeda hore ee Isnoobool ay u soo jeedisay waxay ahayd, “Kacaanka ka bacdi, sonkor ma la helayaa?” Isnoobool oo si baas ugu gubaya hadalka ayaa su’aal shaas ka jawaabay oo yidhi, “Mayya, oo beertu ma leh alaab lagu samayn karo sonkor. Midda kalena, maxaadba ku falaysaa sonkor, adiga oo heli doona caws iyo midho hadba inta aad ka rabto?” Moolli oo jawaabta la siiyey deeqi weydey ayaa su’aal sheedii sii wadatay oo tidhi, “Ma la iise oggolaan doonaa in aan sii galshanaado boqorradan iigu shaqlan guudka?” “Jaalle,” ayaa Isnoobool ugu jawaabay, “boqorra daas aad caashaqsan tahay waa astaamaha addoonsiga. Malaha garaad uma lihid in xornimo ka qiima badan tahay boqorro la xidhto?” Hal kaas ayaa Moolli ku garowsatay jawaabtii la siiyey in kasta oo aanay u dhawaaq ekeyn sidii wax la qanciyey. Dhibaatooyinka ay keentay doqonniinada xayawaanku kuwo ka sii daran baa doofaarradu la kulmeen kolkii ay is-yidhaahdeen ka hor taga beenta uu faafinayey Moosis. Moosis waxa uu ahaa coomaaddihii Joonis u rabbeystay sida gaarka ah. Waxa uu ahaa fariid hadal yaqaan ah in kasta oo uu ahaa basaas warsheeko badan. Moosis waxa uu ku doodi jirey in ay jirto arlo dahsoon oo lagu magcaabo ‘Buurta Sonkornacnac’. Arla daas, sida Moosis yidhi, xayawaanka oo dhan baa aada goorta ay dhintaan. Waxa kale oo uu sheegay in arla daasu ku taal meel uu ku tilmaamay cirka, oo sida uu yidhi, xoogaa ka sarreysa daruuraha. Arla daas Buurta Sonkornacnac, sida Moosis yidhi, lagama shaqeeyo, iyada oo weliba sonkorkhaanta iyo waxyaalaha kale ee macmacaani hawl-yari uga dhex baxaan oodaha kala qoqoba guryaha iyo beeraha. Xayawaanku aad bay u necbaayeen Moosis, maxaa yeelay, afka uun buu ka noolaa ee wax hawl ah ma qaban jirin. Taas oo jirtey ayaa haddana xayawaanka qaar kood rumeysnaa in ‘Buurta Sonkornacnac’ ee Moosis sheegay jirto. Taas ayaa doofaarrada ku sandulleysay in ay si kulul uga doodaan in meel magac caas la yidhaahdaa aanay jirin. Xayawaanka ku daba tukaday doofaarrada waxa u sii hanuunsanaa labada faras ee Boskar iyo Koloofar. Labadaba waxa dhib ku ahaa in ay is-kooda u fekeraan. Taas ayaa keentay in ay doofaarada ka dhigtaan macallimiin tooda, duuduubna ku leqaan wax kasta oo doofaarradu u sheegaan. Leqis taas ay leqayeen wax kasta oo doofaarradu u sheegaan, iyagu iskuma koobin, ee weliba si daas ayay ugu sii gudbinayeen xayawaanka kale wax kasta oo ay ka maqlaan doofaarrada, iyaga oo si bilow ah uga doodaya arrimaha qallafsan. Shirarka qarsoodiga ah ee xerada weyn lagu qaban jireyna sina labada faras ugama maqnaan jirin; heesta ‘Iglan Xoola heedow’ oo shirarka lagu xidhi jireyna iyaga ayaa hor kaci jirey. Arrimaha oo isaga socda si doodaas, ayuun baa mar keli ah wax is-beddeleen oo kacaankiiba lagu gaadhay muddo ka gaaban intii la filayey, dhabbo toobiye ahna loo maray. Sababta keentay in arrimuhu si daas la-yaabka leh mar keli ah isu beddelaan waxay ku lug lahayd Joonis iyo is-beddelka ku dhacay dabeecad diisa. Nin kaas Joonis, in kasta oo beryihii hore uu ahaa sayid qallafsan, haddana waxa uu ahaa nin beeraley ah oo karti leh. Berya han danbese waxa la soo gudboonaaday waqti xun oo uu sabab u ahaa kiis maxkamadeed oo laga helay, lacagina kaga baxday. Taas ayaa keentay in uu niyad jabo oo caadeysto khamriga oo si xad dhaaf ah uu u cabbo. Kolkol buu dhawr maalmood oo isku-bixis ah wargeys uun akhrisan jirey inta uu isku kala bixiyo kursi dheer oo guriga u yiil. Wargeys uu akhristo, khamri uu cabbo, iyo Moosis oo afka uu ugu guro kibis qallalan oo khamri uu daray ma ahee, wax kale ma uu qaban jirin maalma haas. In taas waxa u sii raacay, ciidan kiisa oo ahaa kuwo wahsi dilshooday, daacadnimaduna ku yar tahay. Si daas aw geed ayaa haramo u buuxisay beeraha, guryuhu u baahdeen in saqafyo cusub la saaro, oodihii beeruhu u dar xumoodeen, xayawaankana loo siin waayey cunto ku filan. Xaaladda beerta oo si daas ah ayaa bilsha Juun soo galshay. Waqtigii la goyn lahaa cawska beeraha ka baxay, si daas ayuu u soo dhowaaday. Haddaba iyada oo maalintu tahay Sabti, berrina xagaagu kala badh noqon doono, ayaa Joonis u dhaadhacay magaalada Wellindhon. Daba deedna waxa uu si baas ugu sakhraamay makhmarad ahayd magaalada oo magac ceedu ahaa ‘Libaaxxa Cas’. Si daas dar teed ayay u suura geli weydey in uu ku soo laabto beerta waqti ka horreeya maalintii Axada duhur keeda. Ciidan kiisiina, inta ay lo’dii liseen subaxnimadii Axadda, ayay ugaadhsi aadeen iyaga oo aan isku shidin in ay siiyaan xayawaanka wax ay cunaan. Goortii Joonis soo laabtay, isaguna hoosba uma deyin xaaladda beertu ku sugan tahay, ee markiiba waxa uu lac yidhi kursi ballaadhan oo guriga u yiil, wejigana waxa uu iska saaray wargeys ka mid ah kuwii uu akhrisan jirey. Si daas ayaa arrintu isugu soo biya shubatay xayawaanka oo weli xereysan oo qadtan gabbalku markii uu dhacay. Intii ay adkeysteen in ka badan kolkii xayawaanku adkeysan kari waayeen, ayaa sac lo’da ka mid ahi gudaha isugu celiyey irriddii bakhaarka cawska. Hal kaas ayaa xayawaanku sidii ay u dhammaayeen ku wada haliileen oo isku marti qaadeen cawskii ku kaydsanaa bakhaarka. Isla mar kaas ayaa Joonis ka soo baraarugay hurdada. Cabbar yar daba deedna, isaga iyo afartii nin ee ciidan kiisa ahaa oo jeedallo lalansanaya ayaa soo daf yidhi bakhaarka. Jeedallada oo dhinac walba ay u saydhayaan bay xayawaanka kula soo dhex dhaceen. Waxxii ay meelsha ka geysteen waxa uu noqday wax xayawaankii gaajeysnaa u dul qaadan kari waayeen. Xanafta jeedallada markii ay u adkeysan kari waayeen ayay mar keli ah kula jeesteen, Joonis iyo ciidan kiisa, in kasta oo si daas in la yeelo aan hore loogu sii heshiin. Joonis iyo ciidan kiina si lama-filaan ah ayay ugu war heleen herdi iyo danbaabidho kaga imanaya gees walba. Waxay arkeen in xaalku aad ugu xun yahay oo ay u maara la’ yihiin xayawaanka. Aadna waxa uga sii yaabiyey gadood kan ay la yimaadeen xayawaankii ay u uleyn jireen, una hagardaameyn jireen hadba sida ay rabaan. Dhiidhdhi gan xayawaanku dhiidhdhiyeen ee wax la mid ah aanay u soo joogin weli good iyo waaq qood, ayaa Joonis iyo ciidan kiisa geliyey fuleynimo ay la fekeri kari waayeen. Cabbaar yar markii ay is-tiileen, hase yeelshee ka quusteen in ay muquuniyaan xayawaanka, ayay cagaha wax ka dayeen. Muddo yar daba deedna shan toodiiba waxay cagta saareen dhabbo gaadhi-farasku la baxay oo ku darmeysey waddada weyn, iyaga oo xayawaanka guuleystay cagta cagta u saareen. Afadii Joonis, daaqadda ayay ka daawanaysey waxyaala haas dhacayey. Sida wax u socdaan kolkii ay aragtay ayay alaab teeda qaar ka mid ah degdeg ugu boobtay kiish ay lahayd oo sijaayad ka sameysnaa. Daba deedna waxay ka dustay irrid beertu ku lahayd xagga danbe. Moosisna inta uu ka soo balow yidhi udubkii uu ku fadhdhiyey ayuu daba galay Afada Joonis isaga oo ka bafbafsiinaya baalalka, si aad ahna u ciyaya. Intii Afada Joonis iyo Moosis si daas yeelayeen ayaa xayawaanku ka caydhiyeen beerta Joonis iyo ciidan kiisiiba, iyaga oo shan toodiiba cagta u saaray waddadii weyneyd ee ahayd beerta debed deeda. Daba deedna irridda ayay ka soo xidhteen. Si daas ayaa kacaankii u hir galay iyada oo cidiba aanay weli dhaadin in kacaan dhalshay. Si daas ayaa Joonis u huleelay, Beertii Maanorna u noqotay meel xayawaanka u ah hanti. Cabbaarkii hore oo dhan, xayawaanku way u qaadan waayeen cawa dooda. Wax ay falaanna waxa ugu horeeyey dhabaabaco ay ku soo mareen soohdinta beerta, taas oo aad moodeysey in ay ku hubinayaan in wax Bani-aadmi ahi aanu ku dhuumaneyn meel keli ah oo beerta dhul keeda ah. Daba deedna waxay u soo beratameen aqalladii beerta si ay u tirtiraan raadka uu ka tegey xukunkii Joonis ee la necbaa. Iyaga oo aan hakanba, waxay jebiyeen qolkii qalabka ee ka shisheeyey xerada fardaha. Qalab meel shaas yiil oo ay ka mid ahaayeen xakamayaalsha, giraangiraha sanka, silsiladaha eyda, iyo mindiyaha matudhooyinka ahaa ee Joonis ku dhufaani jirey doofaarrada iyo wananka, dhammaan tood ceel bay gundhada u dhigeen. Keenooyinkii, hoggaammadii, indhasaabkii iyo koleyydii sanka loo gelin jirey ee ahaa astaamaha gumeysiga, dhammaan toodba waxa lagu riday meelsha qashinka lagu qubo oo mar kaas dab ka oognaa. Jeedalladii oo olol qabsaday markii ay arkeen, farxad bay isla haysan waayeen oo bartii bay cayaar ka ag qabsadeen. Waxa kale oo Isnoobool ku ridey dabka boqorradii fardaha lagu qurxin jirey maalmaha la aadayo suuqqa. Dabka goortii uu ku ridayeyna waxa uu yidhi: “Boqorradu in ay yihiin dhar waa in loo gartaa; dharkuna waxa uu ka mid yahay astaamaha Bani-aadmiga. Xayawaanku sida ay u dhan yihiin waa in ay muddugnaan ku socdaan.” Hadalka Isnoobool markii uu maqlay ayaa Boskar la soo booday koofiyad yar oo isagu lahaa. Koofiyaddu waxa ay ka sameysnayd caws oo xagaaga ayaa duqsiga loogaga celin jirey dhegaha. Hal kaas ayuu iyadiina ku riday dabka. Tirtiris taas xayawaanku tirtirayeen wax kasta oo xusuusinayey Joonis, kama qaadan waqti badan. Markii ay ka soo jeesteen ayaa Naabooliyoon, sidii ay u dhammaayeen, u hor kacay bakhaarka cawska, hal kaas oo mid walba loo laba laabay sedkii hore loo siin jirey; eydiina mid walba sed kiisa loogu daray laba midh oo buskud ah. Kolkii la fuleyna, toddoba jeer oo aan loo nasan ayaa la qaaday heesta ‘Iglan Xoola heedow’ intii aan la kala hoyan. Hurdo macaan oo abid kood aanay hore u seexan bay habeen kaas wada seexdeen. Waagu markii uu beryey ayaa xayawaanku u soo tooseen si doodii hore; hase yeelshee, markiiba waxa ay xusuusteen guulshii raacday shalay. Si daas markii ay xusuusteen ayay u wada yaaceen beeraha daaqqa. Meel aan si daasba u sii fogeyn oo beeraha daaqqa ag tooda ahayd ayaa waxa ahaa taag yar oo dhulka beerta in tiisa kale si fiican looga arko. Taag gaas fiiq qiisa ayaa xayawaanku is-tubeen. Aadna waxay ugu dhaygageen beerta hor tooda fidsanayd baaxad weynaan teeda. Iyaga oo si daas u dhaygagsan ayay maskax dooda ku soo dhacday in wax kasta oo hor tooda ahba iyagu iska leeyihiin. Fekraad daasi markii ay ku dhalatay ayaa jibbo daf tidhi xayawaanka. Jibbadii baa markiiba madax martay oo kobtii bay ka bilaabeen garmaameyn ay farxad iskula meereysteen, booddaaleysi ay hadba cirka isku ganeen, dooggii udgoonaa oo ay cancantuugeen, dharabkii oo ay ku galgalsheen, iyo beerta ciid deedii madoobeyd oo ay fufujiyeen oo udug geeda ka buuxsadeen sanbabbada. Markii jibbadu ka yara jabtay oo ay yara xasileen ayay beerta oo idil kormeer ku mareen. Amankaag iyaga oo la yeedhi la’ ayay soo sahamiyeen qaybahii kala duwanaa ee beerta oo dhan: Qayba heeda la falo, qaybaha cawsku ka baxo, kuwa dhirtu ka baxdo, beerta tufaaxxa iyo balliga biyaha. Ilaa waqti gaasna waxa ay u qaadan la’aayeen in wax kastiba yihiin yed dooda. In taasi markii ay dhacday ayaa xayawaanku isa soo daba galeen oo ku soo laabteen aqalladii beerta. Guriga Joonis bay mar kaas is-hor tubeen. “Kanna idinka ayaa iska leh,” ayay is-yidhaahdeen markii ay isa soo hor tubeen guriga. Si daas ha is-yidhaahdeen, ee haddana aad bay uga maageen, ugana cabsadeen in ay galaan guriga. Cabbaar markii ay taagnaayeen ayaa Naabooliyoon iyo Isnoobool is-booxbooxeen oo inta ay garbaha ku dhufteen irriddii, gudaha isugu celiyeen. Si daas ayaa xayawaanku ku galeen gurigii Joonis, iyaga oo dhuukinaya oo midba kan kale daba joogo si waxna aan meel shiisa looga dhaqaajin. Hadba qol bay ka baxeen oo mid kale galeen iyaga oo qoobabka caara dooda ku soconaya, hoosna u xanshashaqaya. Guriga buruud kiisa baa sida ay u dhammaayeen taabtay. Qol kasta oo ay galeen waxa ay la dhaygageen raaxada taal meelsha; aadna waxay ula sii yaabeen sariiraha furshaan toodu ahayd baalka, muraayadaha, kursigii ballaadhnaa ee ka samaysnaa saynta fardaha, qaddiifadaha iyo Boqorraddii ‘Fiktooriya’ sawir keeda saarnaa kabadh meelsha yiil dul shiisa. Iyaga oo mar kaas uun ka dayma sugtay gurigii Joonis, xatabadana maraya oo is-leh baxa, ayay tebeen geenyadii Moolli. Dib markii ay u noqdeen, waxay Moolli ka heleen qolalka hurdada kii u fiicnaa, iyada oo boqor buluug ah ka qaadatay miis ay ku lebbisan jirtey Afada Joonis oo inta ay boqor kaas la sintay garba heeda, isla baxday oo isku jamaneysa muraayadda. Bartii baa xayawaanka kale si kulul ugu canaanteen oo baxeen. Xoogaa hilib doofaar ah oo ka lulshey madbakhkha, markii ay sii baxayeen bay sii qaadeen oo aas geeyeen. Haantii biirahana Boskar baa ku sii af gembiyey danbaabidho. Alaabtii tiil guriga ee kalese far lama taabsiin. Go’aan arrin taas ku saabsan oo la isku wada raacayna bartii baa lagu gaadhay, go’aan kaas oo ahaa in guriga laga dhigo meel loo daawasho tago oo lagu kaydiyo waxyaalaha ku saabsan hiddaha, dhaqanka, iyo taariikhda. Isla mar kaas ayaa xayawaanku sida ay u dhammaayeen isku raaceen in xayawaan oo idili ka caagganaadaan guri gaas u-hoyasha diisa. Xayawaanka oo mar kaas quraacday ayaa Naabooliyoon iyo Isnoobool mar labaad isugu yeedheen. Isnoobool oo hadalka qaadtayna waxa uu yidhi: “Jaallayaal, lixdii iyo badhkii aroornimo ayaynnu joognaa. Maalin dheerina waa innaga horreysaa. Maantana wax aynnu bilaabeynaa cawska goyn tiisa. Taase wax ka horreeya arrin kale oo u baahan in la saaro gacanta.” Shir kaas ayaa doofaarradu ka muujiyeen in ay barteen sida wax loo qoro, loona akhriyo, saddexdii bilood ee tegey (saddexdii bilood ee ka soo wareegay habeenkii Duqqa Mijir jeediyey khudbad diisii caanka ahayd). Waxay ka barteen buug higgaadda ah oo ay ka dhex heleen kuddaafadda. Buugga waxa lahaan jirey Joonis carruur tiisa. Mar kaas ayaa Naabooliyoon cid u diray in la keeno dheryo rinji cad iyo rinji madoobi ku jireen. Rinjiga markii la keenay buu xayawaanka u hor kacay irriddii beerta ee hore looga soo xidhtay Joonis iyo ciidan kiisa. Isnoobool oo doofaarrada u badin jirey sida wax loo qoro ayaa mar kaas, inta uu qanjaafilaha ku qabsaday burush, tirtiray magaccii beerta ee ahaa ‘Beerta Maanor’. Magaccu waxa uu ku qornaa irridda dul sheeda. Halkii uu magacca ka baabi’iyeyna wax uu ku qoray ‘Beerta Xayawaanka’, magaccaas cusub oo uu sheegay in uu noqon doono magacca beerta loogu yeedhi doono imminka iyo waxxii ka danbeeya. In taas markii ay bogeen ayay ku soo laabteen aqallada beerta. Hal kaas ayaa Naabooliyoon iyo Isnoobool mar labaad adeegsadeen xayawaanka kale oo imminkana ku amreen in ay la kaalayaan sallaan. Sallaanka la keenay waxa lagu tiiriyey xeradii lagu shiri jirey derbi geeda. Xayawaanka kalena hal kaas ayay ku ogaadeen in doofaarradu, saddexdii bilood ee tegey, ku guuleysteen in ay Mabda’a Xayawaanimada ku soo koobaan Toddoba Dardaaran. Toddoba daas Dardaaran oo sida la yidhi, noqon doona sharci aan sina loo doorin karin oo xayawaanku ku dhaqmaan, ayaa la doonayay in lagu qoro derbiga. Isnoobool oo dhibaato aan yarayn la kulmay baa mar kaas fuulay sallaanka. Iskuwiilarna dhawr tallaabo ayuu ka hooseeyey oo dheryaha rinjiga ayuu u hayey. Toddobadii Dardaaran oo xuruuf waaweyn oo cad cad ku qoran ayaa Isnoobool kol kaas ku dhigay derbigii madoobaa. Waaweynaan iyo cadcaddaan inta xuruuftu ka qabtey, waxa laga akhriyi karayey meel u jirta soddon tallaabo. Derbiga waxa uu ku qorayna waxay ahaayeen: TODDOBADA DARDAARAN 1. Laba-addinle waa nacab. 2. Afar-addinle iyo haad waa saaxiib. 3. Xayawaanku waa in aannu galshan dhar. 4. Xayawaanku waa in aannu ku seexan sariir. 5. Xayawaanku waa in aannu cabbin khamri. 6. Xayawaanku waa in aannu nafta ka goyn mid kale. 7. Xayawaan oo idili waa siman yihiin. Farta uu ku dhigay Dardaarannada aad bay u habeysnayd, higgaadduna waa wada toosnayd, ereyga ‘Saaxiib’ oo xuruuf tiisa uu is-dhaafiyey iyo xarafka ‘s’ oo uu u dhigay si gurracan ma ahee. Goortii uu ka soo jeestay derbiga, ayuu kor u akhriyey dardaaranka si uu ula socodsiiyo xayawaanka kale waxa uu qoray. Xayawaanku inta ay le’ekaayeen madaxxa ayay u wada ruxeen; waxxii uu qoray oo dhanna way ku raaceen. Kuwooda fahmada badnaana markiiba waxay bilaabeen in ay korka ka qabtaan Dardaaranka. Isnoobool oo shirka xidhayeyna waxa uu yidhi: “Imminkana jaallayaal, innagu dhaqaajiya cawska; ballanna aan ka dhiganno in aynnu ku soo hoynno cawska muddo ka gaaban intii Joonis iyo ciidan kiisu ku soo hoyn jireen.” Dhaqaaqa, markii la is-yidhi ayaa saddexdii sac, oo goorahanba xamxamaaranayey sara joogsadeen oo ci’ oodda ka qaadeen. Sababta ay la ciyayeen waxay ahayd iyaga oo saddex caana maal dihnaa, kuna sigtay in candhooyinku la dildillaacaan caano. Cabbaar yar haddii laga fekeray sida arrin taas wax looga qaban karo ayaa doofaarradu cid u direen in la keeno baaldiyo. Baaldiyada kolkii la keenayna, qanjaafilaha ayay ku liseen lo’da. Hal kaasna wax ay ku ogaadeen in qanjaafilo hoodu si fiican ugu habeysan yihiin in lagu liso lo’da. Shan baaldi oo xoor leh ayaa laga buuxiyey lo’da; shan taas baaldi oo xayawaanku u wada hunguroodeen. Xayawaanka mid ka mid ah oo is-haysan kari waayeyna waxa uu yidhi: “Tolow wax xan oo caano ah maxaa lagu sameyn doonaa?” Digaagad su’aalshu dhiirri gelisay baa u jawaabtay oo tidhi, “Marmarka qaar kood baa Joonis noogu iidaami jirey soorta.” In taas markii la is-dhaafsaday ayaa Naabooliyoon halka ka soo booday. Inta uu isa soo barbar taagay baaldiyadii caanaha, ayuu cir kaas ka qayliyey oo yidhi: “Shaqo ayaa laga qaban doonaa caanaha, hadal-hayn tooduna wax innooguma jilna ee cawska la goynayo dhakhso ha loo aado. Hawlsha waxa idiin hor kaci doona Jaalle Isnoobool, aniguna goor dhow ayaan idinka daba iman doonaa. Horuu soco, Jaalle! Cawskii waa inna sugayaa e.” Askar sida ay yihiin baa loo dhaqaajiyey xayawaanka oo caws-goyn la aadsiiyey. Markii ay soo laabteen fiidkii, waxay ogaaden in caanahii muuq qooda la waayey. Cutubka 3aad Maxaa xayawaanka rafaad qabsaday, dhididse maxaa ka dhacay, markii ay is yidhaahdeen cawska baxay inta aydin goysaan soo hooya! Tacab koodiise laguma hungoobin. Abaalgud kiisa oo ahaa cawska oo xayawaanku ku soo hooyeen muddadii la filayey mid ka gaabanna waa la helay. Hawlsha xayawaanku qabanayeen, marmarka qaar kood aad bay u ba’nayd. Qalabka ay ku adeeganayeenna waxa uu ahaa mid qaab daran oo Bani-aadmi loogu tala galay. Taas ayaa marar badan kala dhantaalshay dedaal kooda. Hase yeelshee, dhibaato kasta oo ka hor timaadda waxa had iyo jeer jid-bixiyeen uga ahaa fariidnimada doofaarrada. Kaalinta farduhuna waxay soo baxday markii ay muujiyeen sida ay beerta ugu yiqiinneen taako-taako. Muranna kuma jirin in farduhu uga xog ogaalsanaayeen Joonis iyo ciidan kiisaba siyaalaha cawska loo gooyo, loona tuumiyo. lyana waxa aan muran ku jirin doofaarrda oo isku koobay hawlsha oo ay kor meeraan iyo xayawaanka kale oo ay kala diraan. Haba yaraatee, doofaarradu ma qabaneyn wax hawl ah oo kaga dhididisa. Arrin lala yaabona ma ahayn haddii doofaarradu taabeen hoggaanka talada marka la tix geliyo aqoonta ay dheeraayeen xayawaanka kale. Waxa kale oo iyana aan la yaab lahayn in la arko Boskar iyo Koloofar oo iyagu isku xidhay birihii cawska goynayey iyo kuwii tuuminayey, doofaar amar siinaya oo cir kaas kaga qaylinayaana daba joogo isaga oo ku leh, “Horuu soco Jaalle!” ama “Joogso Jaalle!” hadba sida uu rabo. Kuwa wacdaraha dhigayna ma ahayn Boskar iyo Koloofar oo keli ah ee hawlsha beerta laga qabanayey looma kala hadhin. Iskaba daa kuwooda xoogga weynaa ee shinbirihiina waxa dilay sii-socod iyo soo-socod milicdii sidii ay afka ugu daldalayeen burar yaryar oo caws ah. Guud ahaanna dedaalkii xayawaanku waxa uu keenay hawlsha oo lagaga fara xalshay muddo laba maalmood ka gaaban intii Joonis iyo ciidan kiisu ku dhammeyn jireen. In taas waxa sii dheeraa cawska la soo hooyey oo noqday kii u fara badnaa ee weli giisba laga jaray beerta. Fara-badnaanta cawskana waxa u ahaa sabab indha-fiyoobaanta shinbiraha soo daldalay bur kasta, iyo xayawaanka kale oo mar kan ka caagganaaday cantuugadii ay hoosta uga qarin jireen. Xagaagaas oo idil, si aan joogjoogsi lahayn baa hawlsha beertu u socotey. Xayawaanka beertuna waxa ay u badhbadhaadheen si aanay marnaba u maleyn in loo badhbadhaadhi karo. Cantuugo kasta oo jidiin kooda ka degta, si gaar ah ayay u dhadhdhansadeen, una macaansadeen, iyaga oo ogsoon in waxa ay cunayeen aanu ahayn wax yedle masuug ahi hor-Alle u baxsaday, ee uu yahay tacab kooda midha hiisii – tacab kaas oo ah mid iyagu ku dhibtoodeen, dheef tiisana maanta iyagu yeelsheen. Sida xayawaanku u dhammaayeenna waxa ay wada ogsoonaayeen in waayidda la waayey wax-ma-tarihii Bani-aadmiga ahaa ee iyaga uun ku kor noolaa, keentay iyaga oo imminka hela cunto tii ka badan, iyo nasasho aanay hore u heli jirin. Ogow oo weliba si daas ayaanay weli u lahayn waaya-aragnimo ay keli good ku fuliyaan hawlaha. Waaya-aragnimo la’aantaasuna waxa ay u keentay dhibaatooyin aan tiro lahayn markii ay damceen in ay tumaan galley da oo kala hufaan. Dhibaata daas waxay ka baxeen markii ay ku talshadeen in ay galleyda ku joogjoogsadaan, daba deedna ku neefsadaan si ay uga haadiyaan baalka. Cidhiidhi kasta oo ay galaan waxa had iyo jeer si daas oo kale uga saarayey fariidnimada doofaarrada iyo turuqyada Boskar ee laxaadka weyn. Boskarna si daas ayuu u noqday neef xayawaanku, sida ay u dhan yihiin, ku dhaadtaan oo laga majeerto beerta oo idil. Hawlkaranima diisuna ma ahayn mid cusub oo uu la soo baxay imminka, ee waagii Joonisba aad buu u shaqayn jirey. Hase yeelshee, intii xayawaanku la wareegay maamulka beerta ayuu bannaanka soo dhigay hawlkarnimo dheeraad ah, isaga oo imminka qabaneyey hawl ay qaban lahaayeen saddex faras. Marmarka qaar koodna waxa aad moodeysey in beerta oo idiliba ku tiirsan tahay garbaha Boskar ee laxaadka leh. Waaberiga sida uu u bilaabo hawlsha, waxa uu ka soo bixi jirey gabbalku marka uu dhaco, isaga oo maalin oo dhan ku jira riixis iyo jiidis, kol walbana ligan hadba meelsha hawlshu ugu kululshahay. Si daas ayuu weliba kula heshiiyey diigagga beerta mid ka mid ah in uu toosiyo goor saacad badhkeed ka horreysa waqtiga xayawaanka kale toosaan si uu uga sii gaadhsiiyo xoogaa iskaa-wax-u-qabso ah, inta aan hawlsha maalin taasi bilaabmin, ugana sii shaqeeyo hadba meelsha uu is-yidhaahdo, “Allay lehe halkan baa wax qabasho looga baahan yahay.” Dhibaato kasta oo ka hor timaadda iyo wax kasta oo dib u hakiya, jawaab keli ah ayaa Boskar u lahaa, taas oo ahayd: “Sidan si ka sii daran baan u shaqayn doonaa.” Markii danbena ereyya daas ayaaba u noqday halqabsi. Dedaal kaas shaqada ku saabsanaa ee lala yimi kuma koobneyn Boskar oo keli ah ee xayawaan kastiba waxa uu geystay intii tamar tiisu ahayd. Shinbiraha beertuna waxa ay badbaadiyeen shan joonyadood oo galley ah oo lumi lahaa haddii aanay soo ururin midhihii firdhay. Niyadsamida guud ahaanba joogtey beerta waxa u marag ahaa sida xayawaanku u dhaqmayeen, iyaga oo mid koodna aanu wax xadin, waxna qawedin. Dagaalkii, qaniinyadii iyo xinkii u ahaa astaamaha nolol shooda hore, in ay tirtirmaan bay ku dhowaaden. Wax-qabasho kolka ay timaaddona, cidina hawlsha kama leexleexan jirin, amaba, sida loo badnaa, cidina kama leexleexan jirin, in kasta oo ay iska jirtey geenyada Moolli oo iyadu aan ku fiicneyn in ay aroortii waqti hore toosto. Had iyo jeerna, waxa ay ka dhigan jirtey cudurdaar in dhagax ka galay qoobka si ay shaqada uga baxdo goor hore. Bisaddu sida ay u dhaqmeyseyna waxay lahayd xoogaa shaki ah; maxaa yeelay, waxa la ogaaday in muuq qeeda la waayo goor kasta oo hawli jirto. Waxa iyana la ogaaday in, inta ay saacado badan iska maqnaato, goor dhow soo baxdo marka la gaadho waqtiga cuntada, amaba fiidkii goorta hawlaha la soo bogto. Waxay iman jirtey iyada oo aad mooddo in aanay waxba dhimin, lana diyaar ah cudurdaar wanaagsan oo ay soo sameysatay. Guux kalgacal leh oo debecsan marka ay raacisona, waxa adkaa in la beensado cudurdaar keeda. Waxa kale oo jirey Benjamin oo wax is-beddel ah aan muujin sidii kacaanku u dhalshay. Si diisii gaabiska ahayd ee waagii Joonisba uu hawlaha u fulin jirey ayuu weli wax u fulinayey; xil saarnaana kama warwareegin, hawl dheeraad ahna isuma dirin, Kacaanka iyo waxa uu keenayna kama bixin faallo. Kolkii la weydiiyey ee lagu yidhi, “Miyaanaad imminka ka farax badnayn waqtigii Joonis?” Waxa uu ku jawaabay, “Dameeraha cimri goodu aad buu u dheer yahay; waana aan hubaa oo mid kiinna ma arkin dameer baqtiyey.” Ciddii wax weydiisayna waxay ku khasabtay in ay ku qancaan jawaab taas maldahan. Beerta xayawaanka waxa laga caadeystay in shaqada laga nasto maalmaha Axadaha. Si maalinta Axadda looga bogto hurdada, quraacda ayaa dib loo dhigi jirey saacad iska dhan. Quraacda marka la laasto ayaa la qabanqaabin jirey xus toddobaadkiiba mar ahaa oo sina aan u baaqan jirin. Xuska waxa lagu bilaabi jirey calanka oo la taago, kaas oo ka sameysnaa maro cagaaran oo ka duugowday afada Joonis. Isnoobool oo marada helay ayaa ku sawiray qoob iyo gees cadcad. Subax kasta oo Axad ahna, mara daas ayaa la sudhi jirey birta calanka ee beerta. Isnoobool oo fasirayey calanku waxa uu u taagan yahay waxa uu caddeeyey in midabka cagaarani u taagan yahay beeraha Iglan ee cagaarka ah, qoobka iyo geeskuna in ay u taagan yihiin Jamhuuriyadda Xoolaha ee soo bixi doonta goorta Bani-aadmiga loo af gembiyo si aanu ka saoo waaqsan. Calanka goorta laga soo jeesto, ayaa xayawaanka oo isku duubani aadi jireen xerada weyneyd ee shirarka iyaga oo qoob jac leh. Hal kaas ayay ku yeelan jireen Shirka Guud ee Toddobaadka. Hawlaha la doonayo in la fuliyo toddobaadka soo fool leh, shir kaas ayaa lagu qorsheyn jirey; arrimaha la rabo in laga doodo, shir kaas ayaa had iyo jeer la soo dhex dhigi jirey; go’aanna hal kaas ayaa lagu gaadhi jirey. Waxaase jirtey in doofaarradu ahaayeen kuwa goor walba soo jeediya arrimaha laga doodi doono. Xayawaanka kalese waxa ay yiqiinneen sida ay u bixiyaan codka oo keli ah. Arrin qudh ah oo ay shirka soo dhex dhigaan, haba yaraatee way ka fekeri kari waayeen. Marka doodi timaaddona, xayawaanka oo idil waxa ugu firfircoonaa Isnoobool iyo Naabooliyoon. Taas oo jirtey, ayaa haddana la arkay in laba doodu aanay marna wax ku heshiin, iskuna raacin. Iskaba daa wax kale oo ay isku raacaan, ee maalin laga doodayey arrin aan is-af-garasho-waaba keeni karin oo ahayd in jeexxa ah beerta tufaaxxa dhabar keeda, goonni looga dhigo xayawaanka gabooba ee ka fadhiista hawlsha, waxa laba dooda dhex maray muran kulul oo la galay da’da habboon ee nooc kasta oo xayawaanka ahi kaga fadhiisan karo hawlsha. Shirkana waxa joogto u ahaa in lagu xidho heesta ‘Iglan Xoola heedow’. Dharaarta Axadda gelin keeda danbe, cayaaraha ayaa loo daayey. Arrinta oo hal kaas mareysa ayaa doofaaradu durba isa siiyeen qol uu oolli jirey qalabku. Hal kaas ayay xarun ka dhigteen. Habeennimadiina hal kaas ayay ku baran jireen tumaaladda, nijaaradda iyo farsamooyin kale oo lagama-maarmaan ahaa. Farsamooyin kaas waxay ka baran jireen buugag ay ka soo qaadteen guriga Joonis. Weliba Isnoobool waxa in taas u sii dheeraa isaga oo aad isugu shuqliyey in uu nidaamiyo xayawaanka oo u sameeyo wax uu ku magcaabay Guddiyada Xayawaanka. Hawlaha cayn kaas oo kale ahna, sina ugama daali jirin. Guddiyada uu abuuray waxa ka mid ahaa Guddida Ukun-dhalka oo uu u sameeyey digaagga, Ururka Dabooyinka Xalan oo lo’da uu u sameeyey, Guddida dib-wax-u-barka Jaallayaalsha Debed-Joogga ah oo ujeedda deedu ahayd in la rabbeeyo jiirka iyo bakaylayaalsha, Dhaqdhaqaaqqa Suufka Cad oo uu u sameeyey idaha, iyo guddiyaal kale oo jaad walba leh. In taas waxa uu ku darsaday isaga oo bilaabay casharro lagu baro xayawaanka sida wax loo qoro, loona akhriyo. Guud ahaanse, waxyaala haas Isnoobool bilaabay badi dooda lagama gaadhin guul. Tusaalena waxa innoogu filan waxxii ka dhacay markii la isku deyey in la hebediyo xayawaanka ah Debed-ku-noolka. Hal kaas waxa ka caddaaday in aan waxba iska doorin dhaqan koodii hore. Kolkii lagula dhaqmay deeqsinimo, ka faa’iideysta ma ahee, wax kaleba way garan waayeen. Bisaddiina waxa ay galshay Guddida Dib-wax-u-barka xayawaanka Debed-ku-noolka ah; dhawrkii maalmood ee horena aad bay u firfircoonayd. Hase yeelshee, maalintii danbe ayaa la arkay iyada oo ku fadhdhida guri dul shiisa oo shinbiro yaryaro ah u sheegaysa in xayawaan oo dhammi jaaleen, haddii ay rabaanna in ay u iman karaan oo ku fadhiisan karaan ciddiya heeda, iyaga oo waxba aan la yeelin. Shinbiruhuse isma dagin ee meel shooda bay ku ekaadeen. In kasta oo aan lagu guuleysan arrimo badan oo Isnoobool abuuray, uuna is-lahaa wax ku hagaaji, waxa aad loogu guuleystay casharradii lagu baranayey sida wax loo qoro, loona akhriyo. Dayrtu kolkii ay soo galshay, ilaa heer ayaa badiba xayawaanku ka gaadheen sida wax loo qoro, loona akhriyo. Doofaarrada oo iyagu ka fahmo badnaa xayawaanka kale, markiiba waxa ay ku buxuuroobeen sida wax loo qoro loona akhriyo. Eydu sida ay wax u baratay aad bay u ladnayd, in kasta oo aanay u hayn xiisaba in ay bartaan wax dhaafsiisan sida loo akhriyo Toddobada Dardaaran. Ridii Mureel, akhriska ayay si ba’an u baratay oo eydaba iyada ayaa ka badin jirtey sida wax loo akhriyo; marmarna xayawaanka kale ayay u akhriyi jirtey habeenkii wargeysyada la xooray ee ay ka helsho kuddaafadaha. Dameerka Benjamin, doofaarrada ayuu kala sinnaa sida wax loo akhriyo, hase yeelshee, marna ma uu isticmaalin awood daas uu lahaa. Markii la weydiiyey sababta uu u isticmaali waayey awood diisaas, waxa uu meelshii ka caddeeyey in aanu ka war qabin wax istaahila in la akhriyoba. Koloofar, higgaadda oo dhan ayay baratay, waxayse awoodi weydey in ay xuruufta isku xidhiidhiso oo ereyyo ka sameyso. Boskarna waxa uu ka gudbi waayey afarta xaraf ee higgaadda u horreeya, kuwaas oo uu dhulka ku xarxarriiqi jirey, isaga oo qoobab kiisa waaweyn wax ku qoraya. Daba deedna inta uu hogto oo ku dhaygago waxa uu qoray, dhegahana u nabay dib, ayuu is-odhan jirey, “Tolow maxaa ku xigey?” Dhawr jeerna waxa uu ku guuleystey in uu barto afarta xaraf ee labaad. Hase yeelshee, taasi waxa ay keentay in uu illaabo afartii xaraf ee hore. Tala diisiina waxa ay isugu soo ururtay in uu ku ekaado afarta xaraf ee hore, kuwaas oo uu qori jirey maalintiiba mar ama laba jeer si uu isu xusuusiyo goor walba. Geenyada Moolli waxa ay iska soo taagtay in ay barato wax dhaafsiisan lixda xaraf ee magac ceedu ka koobnaa. Lix daas xaraf oo si fiican ay uga sameysay qoryo yaryar bay ku wareegaaleysan jirtey iyada oo isu bogsan. Xayawaanka kale ee joogey beerta, waxa ay dhaafi kari waayeen xarafka B. Waxa iyana soo if baxay in xayawaanka kuwii u doqonsanaa ee idaha iyo shinbiruhu u horreeyeen korka ka qaban kari waayeen Toddobada Dardaaran. Isnoobool oo arrintaas si ba’an uga fekerey, waqti dheerna ku lumiyey, markii danbe waxa uu daaha ka qaaday in Toddobada Dardaaran lagu soo koobi karo halqabsi qudh ah, iyada oo ujeeddada dardaaranka aan waxba ka lumin. Halqabsigu waxa uu ahaa “Samaa Afar Lugood, Xumaa laba Lugood.” Meelshiina waxa uu ka caddeeyey in Mabda’a Xayawaannimaduba ku soo ururo halqabsi gaas qudh dhiisa; xayawaanka si fiican uga bogta halqabsigana, in uu ka badbaaday Bani-aadmi duufsada oo maskax diisa beddela. Shinbirihii baa iyagu markiiba iska soo taagay halqabsiga cusub, iyaga oo ku dooday in iyaguba leeyihiin laba addin. Hase yeelshee, Isnoobool baa u caddeeyey in arrintu aanay ahayn sida ay is-moodsiiyeen; wuxuuna yidhi: “Baalka shinbiruhu Jaallayaal, waa xubinjidhka ah oo wax riixda, waxna dhaqaajisa ee ma aha mid wax lagu qabsado. Si daas awgeed, waa in aynnu baalka u garannaa in uu la mid yahay addin. Bani-aadmiga astaanta u gaarka ahina waa gacanta, taas oo u ah qalab uu ku geysto waxyeello oo dhan.” Ereyya daas waaweyn ee Isnoobool isticmaalay, wax aanay garan karin bay shinbirihii ku noqdeen. Faahfaahinta uu bixiyeyna sidii uu u yidhi bay u qaadteen. Xayawaanka kuwoodii fahmada darnaana markiiba waxay ku daadteen in ay korka ka qabtaan halqabsiga cusub. Halqabsiga oo far waaweyn ku qoran ayaa mar kaas lagu dhigay xerada lagu shiri jirey derbi geeda, iyada oo weliba lagu qoray meel ka sarreysa meelshii Toddobada Dardaaran ku qornaayeen. Idihiina, halqabsiga cusub oo ay korka ka qabteen ayay aad ugu riyaaqeen. Marar badanna waxa la arkayey iyaga oo beerta fadhfadhiya oo inta ay is-illaabeen la bacaac leh “Samaa Afar Lugood; Xumaa Laba Lugood,” taas oo ay ku celcelin jireen saacado iska dhan iyaga oo marna aan ka daalin. Naabooliyoon, dheg uma dhigin waxyaalaha Isnoobool sameeyey. Waxaana laga sheegay in uu yidhi in dhallaanka oo wax la baraa ka door roon tahay wax kasta oo loo qabto xayawaanka waaweyn. Waqtiga uu si daas lahaa, labada eeyadood ee la kala odhan jirey Jesi iyo Buleebel, baa dhalay sagaal ey oo yaryar. Ey daas yaryar markii laga gooyay naaska, ayaa Naabooliyoon ka qaaday hooyooyin kood, isaga oo ugu ballan qaaday in waxbaris tooda iyo barbaarin tooda isagu xil qaadayo. Eydii yaryaraydna waxa uu dejiyey meel sare oo cidiba aanay gaadhi karin, iyada oo la dhigto sallaan bakhaarka qalabka mooyaane. Beerta in teeda kalena hal kaas ayuu kaga ooday. Mud do yar daba deedna, in ay jiraanba, waa la iska illaabay. Arrintii ku saabsanayd meelsha ay maraan caanaha lo’du ee hore loo saari waayey, imminka ayaa la helay sir teedii, oo la ogaaday in caanaha lagu iidaamo soorta doofaarradu cunaan. Berya haas la helay caanaha sir tooda ayay bislaatay tufaaxxa intii u horreysey. Meel kasta oo beerta ahna waxa wadhnaa tufaax ay soo daadisay dabaylshu. Xayawaankana waxa ay la noqotay in loo siman yahay tufaaxxa oo caddaalad lagu qaybsan doono. Hase yeelshee, dharaar baa lagu bixiyey amar in tufaaxxa dabaylshu daadisay la soo ururiyo oo la isugu geeyo bakhaarka qalabka si doofaarradu u cunaan. Xayawaanka qaar kood ayaa ka gunuusay amar kaas cusub, in kasta oo gunuus koodu aanu waxba ka doorin arrinta. Naabooliyoon iyo Isnooboolna ku dar, oo doofaarradu waa u dhammaayeen arrinta; heshiisna waxa ay ku ahaayeen in si daas loogu taliyo tufaaxxa. Iskuwiilar oo afhayeen ahaan doofaarrada kale u soo dirteen si uu u dhacsiiyo xayawaanka arrinta waxa uu yidhi: “Jaallayaal, kuma aan wado in ay din u maleyseen in aannu sidan u yeelnay hunguri weynaan, iimaan-darro, iyo mudnaan aannu idinka mudan nahay, doofaarrada haddii aannu nahay. Waxaana jirta in qaar badan oo naga mid ahi neceb yihiin caanaha cabbis tooda iyo tufaaxxa cunis tiisaba. Ujeeddada keli ah ee aannu ka leenahay caanaha cabbis tooda iyo tufaaxxa cunis tiisa waxa weeye in aannaan caafimaad darreysan. Caanaha iyo tufaaxxaba sida cilmiga saynisku sheegay, jaallayaal waxa ku jira waxyaalo lagama-maarmaan u ah fiyoobaanta doofaarrada. Doofaarrada haddii aannu nahayna, maskaxda ayaannu ka shaqeysiinnaa. Maamulka iyo habeynta beertuna annaga ayay nagu tiirsan yihiin, oo dan tiinna ayaa ku jirta in aannu dhanno caanaha, tufaaxxana cunno. Mase ogsoon tihiin, jaallayaal, waxa dhaci doona haddii doofaarradu ka soo bixi waayaan kaalin tooda? Aanba idiin sheego, ee Joonis baa soo laaban doona! Waana dhab in Joonis soo laaban doono haddii doofaarradu ka soo bixi waayaan xil kooda. Haddaba, jaallayaal, miyaynnaan meel uga soo wada jeedin in aan Joonis soo laaban?” Fekrad keli ah oo xayawaanku ka sinnaayeen haddii ay jirtey, fekrad daasi waxa ay ahayd in aanu soo laaban Joonis. Kol kaas, haddii arrinta ku saabsanayd caanaha iyo tufaaxxa sidan loo rogay oo ay ku lug yeelatay Joonis soo-noqosha diisa, xayawaanka wax ay la noqotay in wax laga yidhaahdaaba aanay hadhin. Waxa iyana meelsha uga muuqday xayawaanka, baahida loo qabo in doofaarradu had iyo jeer fiyoobaadaan. Dood kaleba iyada oo aan la yeelan baa bartii lagu guddoomay in loo dhowro doofaarrada caanaha iyo tufaaxxa dabaylshu daadisay iyo tufaaxxa kale ee go’i doonaba. Cutubka 4aad Xagaa gaas kacaanku dhalshay dabayaaqa diisiiba warkii baa ku baahay dalka kala badh oo badh. Maalin la arkona Isnoobool iyo Naabooliyoon baa dirayey kooxo qoolley ah oo la faray in ay dhex galaan xayawaanka ku nool beeraha deris kooda ah, ugana warramaan kacaaanka, una laqimaan heesta ‘Iglan Xoola heedow’. Jooniskii laga caydhiyey beerta waxa uu ku qaadan jirey waqtiga in tiisa badan Makhmarada magac ceedu ahaa “Libaaxxa Cas.” Meelsha laga shubo khamriga lagama ag waayi jirin. Hal kaas ayuu ka cataabi jirey, isaga oo uga cabanaya cidda dheg u dhigtaba, cadaalad-darrida ay kula kacday koox xayawaan ah oo waxba aan ku wanaagsanayni, koox daas oo ka soo eriday gurigiisa. Beeraleyda kale ee uu u cawday guud ahaan bay uga yaxyaxeen, hase yeelshee, taageero badan uma ay fidin intii arrintu cusbayd ee wax-ka-qabashada lahayd. Hoos ahaana, mid kastiba waxa uu hiyiga ku hayey oo ka fekerayey sida ay suuragal u noqon karto in uu is-kiisa uga faa’iideysto qallad daas ku dhacday Joonis. Joonisna waxa uu ku nasiib wacnaa is-af- garansho-waaga aan marna demin ee had iyo jeer dhex taagnaa labada nin ee kala lahaa labada beerood ee deris kiisa ahaa. Labadaas beerood waxa la kala odhan jirey Fokswudh iyo Binjfiild. Beerta Fokswudh waxay ahayd beer weyn oo u sameysan siyaalihii beeruhu u sameysnaan jireen waqtiyadii tegey. Si deeda kalena waxay ahayd beer la halleeyey oo dhiri ka dhex baxday; beer did deedu nabaad guurtay oo dhirtii u ahayd oodda, ku sugan tahay xaalad xun. Ninka beerta lahaa oo la odhan jirey Bilkinton, isaguna waxa uu ahaa nin dad-la-socod wanaagsan oo ka mid ah dhul-qabeenka isku sheega beeraleyda. Waqtiga badi diisa waxa uu ku qaadan jirey kalluumeysi ama ugaadhsi, hadba xilliga uu joogo kii ku habboon. Beerta Binjfiildse aad bay uga yarayd Fokswudh, si ka fiicanna waa loo xannaaneyn jirey. Ninka lahaa Binjfiild oo la odhan jirey Feredrik, waxa uu ahaa nin ad-ad ag oo xeel dheer. Goor la arkona waxa uu ku dhex jirey kiis maxkamadeed. Weliba waxa in taas u sii dheeraa oo uu ku ahaa caan in uu yahay nin loo gooyo meelsha uu qabsado. Laba daas nin aad bay isu necbaayeen; colaad dooduna waxay gaadhdhay meel aanay waxba ku heshiin karin, danaha ka dhexeeya oo ay wada jirtaan kay ku tahay. Colaad daas oo dhex tiil, ayaa haddana laba doodiiba waxa cabsi geliyey kacaanka ka dhacay Beerta Xayawaanka; aadna waxay ugu dedaaleen in xayawaan koodu aanay wax badan ka ogaan waxyaalaha dhacay. Ugu horreyntiiba, waxa ay iska yeelyeeleen in waxyaala haas oo kale aanay dhaci karin; fekradda odhaneysey “xayawaan baa keli good maamuli kara beerna,” way quudhsadeen oo aad bay u yaseen. Waxay isku samirsiiyeen in arrintuba ku baabi’i doonto laba toddobaad. Beertiina wax ay kaga qaadeen oodda, dicaayad ay ku balbalaadhiyeen in xayawaanka Beerta Maanor dagaal koodu aanu marna demin, iyaga oo weliba u saaran cidhifka in ay u wada le’daan macaluul. Waxa ay ku adkeysteen in ay beerta weli ku magcaabaan magac ceedii hore iyaga oo afka soo marin kari waayey magac ceeda cusub. Hase yeelshee, markii waqti badani tegey oo ay caddaatay in aan cidina u baqtiyin macaluul, ayaa Feredrik iyo Bilkinton lieesta halkii hore ka beddeleen. Markanna waxa ay ku dheeraadeen waxa ay ku tilmaameen uur-xumada dhex taal xayawaanka; beertiina waxa ay u saareen dicaayad kale oo ka warrameysa sida xayawaanku isugu bahaloobeen, sida ay biro dab ah isugu gubaan, iyo sida ay dheddigga u wadaagaan. Waxyaala haas fool-xumada leh ee ay wada tilmaameen waxa ay u nisbeeyeen tegidda laga tegey waxyaalaha tiirarka u ah xeerarka nololsha. In kasta oo sheekooyin kaasi wareegaaleysanayeen, haddana cidina ma wada rumaysan. Nuxnux ku saabsanayd in ay jirto beer dhabanna-hays leh oo inta Bani-aadmi laga caydhiyey, xayawaan is-kiisa u maamulo, iyana si deedii bay u meereysatay: in kasta oo la arkay in nuxnuxdu marka ay sii fiddoba, yeelaneysey wejiyo ka fog runtu waxa ay ahayd. Si daas ayaa dareen kacaannimo ugu baahay beeraha oo dhan. Taas waxa u marag ahaa dibidii hebedka ahayd oo goor kasta weyraxday; idaha oo inta ay oodda jebiyeen daaqay beeraha; lo’da oo harraatiday baaldiyadii ay ka buuxeen caanaha laga lisay; iyo, fardihii lagu ugaadhsan jirey oo inta ay nimankii fuulshanaa u laliyeen xeryaha, iyaga loogu maara waayey in ay xeroodaan. Waxa weliba taas ka sii darnaa dhakhsaha ay arliga oo dhan ugu baaheen codka iyo midhaha heesta ‘Iglan xoola heedow’. Bani- aadmiguse, waxa ay heestaba ka soo qaadeen wax aan hantaatac dhaamin; si daas dar teed bay isu-weydiiyeen sida cidiba isugu quudhi karto, xayawaan kay ku tahay, in ay ku heesaan hantaatac caas quudhsiga leh oo kale. Taas oo jirtey ayaa haddana la ogaa in heesta maqal keedu ku kiciyo Bani-aadmiga ciil iyo cadho ay la adkaysan waayeen. Xayawaan kasta oo ay ku qabtaan isaga oo hees taas qaadayana, bar taas ayay markiiba ku uleyn jireen. Bani-aadmina si kasta ha ugu dedaalo in uu tirtiro heesta, ee heestii baa ka weynaatay wax la cabbudhin karo; maxaa yeelay, shinbirihii baa ku fooryey, qoolleydii baa ku guuguuleysey, sanqadhdha ka baxaysey biraha tumaalka iyo dawanka kaniisadduna waxay yeelatay codka heesta. Bani-aadmigiina, baqdin bay bowdyaha isla dhaceen mar kasta oo ay maqlaan heesta, iyaga oo heesta midha heeda ka gartay saadaal sii sheegeysa baaba’a u danbeeya. Arrimaha oo si daas ah oo la joogo bilsha Oktoobar horraan teeda, galleydii la gooyeyna la soo tuumiyey, qaar keedna la tumay; ayaa koox qoolley ah oo cirka heehaabeysey ku soo degtay qolqolka Beerta Xayawaanka. Sida qoolleydu u xammaysnayd, waxa ka muuqdey in ay siddo war xiisa leh. Hal kiina waxay kaga warrantay in Joonis iyo ciidan kiisu ku soo qaadeen duullimaad beerta oo durba soo dhaafeen beerta irriddeedii weyneyd. Ciidanka Joonis oo toban nin ka koobnaa, waxa ay wada sidteen qaaro ay ku dagaal galaan. Joonis oo hor kacayeyna bunduq qiisa buu ku gaadhnaa. Hal kaas waxa ka caddaaday in Joonis iyo ciidan kiisu isku deyi doonaan in ay beerta dib u hantiyaan. Si daas oo kale in loo soo hollin doonana hore ayaa xayawaanku u filayeen; horena way uga sii digtoonaayeen; tabaabushihii loo baahnaa oo dhanna hore ayay u sii sameysteen. Isnoobool oo buug ka akhristay dagaallada ninkii la odhan jirey Juliyos Siisar waxa loo xil saaray arrimaha gaashaandhigga. Markii uu ka war helay colka ku soo duulay beerta, ammarro deg deg ah ayuu markiiba bartii ku bixiyey, cabbaar yar daba deedna xayawaan kastiba waxa uu ku ahaa heegan bartii uu ka dagaal geli lahaa. Joonis iyo ciidan kiisa oo mar kaas ku soo dhowaaday guryaha beerta ayaa Isnoobool bixiyey amarka weerarka kowaad. Shan iyo soddonkii qoolley ee beerta joogey ayaa cirka kaga soo haaday nimankii oo madaxya dooda kor heehaabay. Intii Joonis iyo ciidan kiisu ku sii foognaayeen qoolleyda kaga timi cirka ayaa digaagga iyo digirinku kaga soo dhagac yidhaahdeen oodihii ay ku dhex dhuumanayeen, hal kaas oo ay si baas kubabka uga turturqeen colka. Tallaabooyin kaasi, sida ay u dhammaayeen, waxay ahaayeen xeel dagaal Isnoobool uga dan lahaa in uu colka soo duulay ku dhex abuuro xooga fadqalallo iyo nidaam-darro ah. Cabbaar yar daba deedna, Joonis iyo ciidan kiisii baa shinbiraha ku kala didiyey qaara hooda. In taasi markii ay kala gaadhdhay ayaa Isnoobool bixiyey amarka weerarka labaad. Mureel, Benjamin iyo idaha idil kood ayaa mar kaas nimanka dhinac kasta kagala yimi gees iyo herdi. Benjamin, danbaabidho ayuu ugu qaadqaaday. Nimankiise, si ragannimo leh bay isaga caabbiyeen xayawaanka. Qaaraha ay sidteen, iyo kaba hoodii waaweynaa ce masaabiirta lahaana, si wanaagsan bay ugu dagaallameen. Labada ciidan oo si daas isugu dhex jira ayaa Isnoobool ka yeedhay cir kaas oo bixiyey seenyaalaha dib-u-gurashada. Ci’da Isnoobool markii ay maqleen ayaa xayawaankii dib isu soo wada rogeen oo isku soo shubeen beerta qolqol keeda. Xayawaanka oo is-rogay markii ay arkeen ayaa nimankii, “Guulalle, kani galbey,” ku qaadeen iyaga oo is-moodsiiyey in nacab koodu jabay. Markii ku xigteyna, iyaga oo aad u nidaam daran bay eryoodeen xayawaanka cararayey. Ujeeddada Isnoobool ka lahaa dib-u-gurashada taas bay ahayd. Nimanka wax baacsanayey markii lagu hubsaday qolqolka guda hiisa ayaa saddexdii faras, saddexdii sac iyo doofaarrada in tooda kale oo gaadmo kula nabnaa xerada lo’da, nimanka kaga yimaaddeen dhabarka oo gooyeen jidkii ay ka soo galeen. Markii uu hubsaday in la gooyey jidka, ayaa Isnoobool bixiyey amarka weerarka. Isagiina, dhinac kaleba ma eeg eegin ee meelshii Joonis ka muuqdey buu qummaati u abbaaray. Joonis kolkii uu arkay sida Isnoobool ugu soo xiimayo ayuu u qabsaday qoriga oo ku riday dhawr xabbadood. Xabbadihii uu rideyna, dhabarka ay ay ka sii xagteen Isnoobool oo gaadhsiiyeen nabarro aan ahayn halis; lax ay ku dhacday xabbadduse, dhulka ulama dhacin nafba. Isnoobool oo aan hakanina, culeys kiisa toddobada faraasiladood iyo badhka ahaa oo waxba aanu kala hadhin buu ku sii daayey addimada Joonis. Hal kaas ayuu Joonis candhada u dhigay digo ag tiisa tuureyd, isaga oo qorigiina ka mudhuxsaday. Waxyaalaha goobta lagu arkay waxa ugu argagax weynaa sida Boskar wax ugu laynayey qoobab kiisa waaweyn ee kabaha birta ahi ugu jireen. Jugtii u horreyseyba wax uu madaxxa kala haleelay wiil ka shaqeynayey Xerada Fardaha ee beerta Fokswudh, kaas oo uu miyir la’aan dhooqada dhex wadhay. Kolkii nimanku arkeen waxa meelsha ka dhacaya iyo sida xaalku ugu xun yahay ayay baqeen oo qaar kood xooreen qaarihii ay ku dagaallamayeen, iskuna dayeen in ay baxsadaan. Cabbaar yar daba deedna, xayawaanka oo isku duuban baa nimankii baacsanayey oo qolqolka beerta ku wareejinayey iyaga oo herdi, harraati, qaniinyo, iyo qardabo midna aan ula hadhin. Xayawaan kasta oo beerta joogeyna hadba sida uu jeclaa buu u aar goostay, una ciil beelay. Cid kaleba iska daa, ee bisaddiina inta ay guri dul shiisa ka soo ballow tidhi oo ku soo booddey nin lo’-jir ah deg tiisa, ayay ciddiyaha kaga aastay surka. Cabaadkii ka baxay nin kaas waaba la ogaa. Intii waxyaala haasi dhacayeen ayaa, nimanka cawa dooda, jidkii ay ka soo galeen cabbaar yar bannaanaaday. Dalool kaas bannaanaaday markii ay arkeen baa arrintiiba noqotay bixiyow i bixi, oo sida ay u dhammaayeen, nimankii u wada carareen debedda. Markii ku xigteyna dhabbadii weyneyd bay cagta saareen. Si daas ayaa loo jebiyey colkii soo duuley oo loo raacsiiyey guul-darro, iyada oo shan miridh aanay ka soo wareegin goortii ay soo qaadeen weerarka. Naf-la-cararkii waxay cagta saareen dhabbadii ay hore u soo mareen. Mar kanse waxa ku daba jirey koox digirin ah oo kubabka ka turturqeysey ilaa ay ka dhammaanayeen beerta. Nin keli ah mooyaane, si daas ayaa nimanku uga wada baxeen beerta. Qolqolkii dagaalku ka dhacay kolkii lagu soo laabtay ayaa loogu yimi Boskar oo isku deyaya in uu jirjirka u rogo wiilkii uu qoob kiisa ku miyir tiray oo weli dhex geylaansan dhiiqada, isaga oo aan is-loodin. Boskar oo tiiraanyo buuxiseyna waxa uu ku calaacalay oo yidhi, “Iska daa dhimey e! Sow ma aan illaabin kabaha birta ah ee aan galshanaa! Ujeedda dayduna ma ahayn in aan qudhdha ka gooyo! Bal haddaba ayaa rumaysan doona in aanaan u dilin ula-kac!” In taas markii uu yidhi ayaa Isnoobool oo weli dhiiggu ka dareerayaa qaylo oodda kaga qaaday Boskar isaga oo leh, “Naxariis la dhaaf jaalle! Dagaalna waa dagaal. Bani-aadmi kiisa u wanaagsanina waa kan meydka ah!” Boskar oo weli indhaha ay kaga soo taagtaagan tahay ilmo baa mar kaas u jawaabay oo yidhi, “Bani-aadmi tiisana ha ahaatee, sina uma aan rabin in aan cidna ka gooyo qudhdha.” Hadalka oo hal kaas maraya ayaa xayawaanka mid ka mid ahi tebey Moolli. Cir kaas inta uu ka qayliyey ayuu yidhi, “Moolli aaway?” Hadal kiisa markii ay maqleen ayaa Xayawaanku mar keli ah isla wada oogsadeen iyaga oo mooday in nimankii soo duulay Moolli u geysteen wax-yeello, amaba, dhaceen oo kaxaysteen. Hadal iyo dhammaantii, Moolli waxa la helay iyada oo xera deeda ku dhuumanaysa oo caws meelsha yiil la galshay madaxxa. Waxa kale oo la ogaaday in Moolli firkanaxday oo baxsatay markii ay maqalshay rasaasta sanqadh dheeda. Intii la raadinayey Moolli, ayaa wiilkii miyirka la’aa oo aan dhimani miyirsaday. Xagga iyo xagga isaga oo midna aan deyin ayuu markiiba cagaha wax ka deyey oo baxsaday. Markii Bani-aadmi si daas uga huleelay beerta ayaa xayawaanka oo idili ku soo shururug yidhaahdeen goobta, iyaga oo rayrayni madax martay oo mid kastiba cirka ka qaylinayo, kana sheekaynayo wacdaraha uu ka geystay goobta. Bartiina waxa lagu abaabulay dabbaaldeg loo dabbaal degay guulsha la soo hooyey. Calanka ayaa durba la taagay; heesta ‘Iglan Xoola heedow’ baa la qaaday; laxdii la dilay, sharaf iyo qadderin baa lagu aasay; Xabaal sheediina geed baa lagu beeray. Aaska markii laga soo jeestay oo weli xabaalsha la hareera tuban yahay, ayaa Isnoobool hadal gaaban meelsha ka jeediyey. Hadal kiisiina waxa uu ku nuuxnuuxsaday sida ay lagama-maarmaan u tahay in xayawaan kastiba huro naf tiisa haddii laga fursan waayo, si Beerta Xayawaanku u badbaaddo. Xayawaanka oo idilina halkii bay isku raaceen in ay bixiyaan billad-sharaf Milleteri. Billad daas oo ay ku magcaabeen billadda ‘Geesiga Xayawaanka, Derejada Kowaad’ ayaa bartii lagu siiyey Isnoobool iyo Boskar. Billada haas la bixiyey oo ay ahayd in la soo xidhto maalmaha Axadaha iyo ciidaha, waxa ay ka sameysnaayeen naxaas. Waxaa iyana meel shaas lagu bixiyey Billad-sharaf Milleteri ‘Geesiga Xayawaanka, Derejada Labaad’ oo lagu maamuusay laxdii geeriyootay. Dood weynina waxa ay ka dhacday magacca loo bixin doono goob taas. Ugu danbeystii waxa la isugu deystay in goobta lagu magcaabo “Goobta Xerada Lo’ada”, iyada oo xerada lo’du ahayd meelsha laga bilaabay gaadmada. Qorigii Joonis laga furtay waxa laga soo dhex saaray dhiiqadii uu ku dhex dhacay, rasaasna waxa looga helay guriga Joonis. Taladiina waxa la isugu deystay in qoriga lagu tiiriyo birta calanka; sannadkiina in laba jeer la rido – laba daas jeer oo kala ahaa: laba iyo tobanka Oktoobar oo ah sannadguurada Goobta Xerada Lo’da; iyo Badhtamaha Xagaaga oo iyana ah sannadguurada Kacaanka. Cutubka 5aad Jiilaalku kolkii uu sii jiidtay ayay korodhtay fadqalallada geenyada Moolli. Aroor walba hawlsha ayay ka daahaysey. Cudurdaarna waxa ay ka dhiganeysey in hurdadu la tagtay. Cudur haya oo dahsoon, goor walba way ka caban jirtey, in kasta oo nafsadda ay u haysey cuntada aad u fiicneyd. Mar kasta oo marmarsiiyo ay u hesho, waxa muuqdey in ay sagsaageyso hawlsha. Inta ay hawlsha si daas uga baxsato ayay aadi jirtey balliga laga cabbo, hal kaas oo ay si doqoniimo leh ugu dhaygagi jirtey muuq qeeda ay ka dhex aragto biyaha. Weliba waxa in taas dheeraa nuxnux kale oo beryahan danbe la isla dhex marayey oo ka sii darnayd ceeba heedaas hore. Nuxnuxda oo si daas u meereysaneysa ayay, maalintii danbe soo galshay qolqolka, Moolli oo daba deeda dheer la dheeleysa, cawsna calalshaneysa, iyada oo aad u faraxsan. Geenyada kale ee Koloofar baa mar kaas barbar ugu yeedhatay oo ku tidhi: “Moolliyey, maanta waxa aan doonayaa in aan kaala hadlo arri halis weyni ku sugan tahay. Arrintu waxa weeye, aniga oo saak ku arkay adiga oo sii taagan oodda u dhexeysa beerteenna iyo Beerta Bilkinton. Oodda dhinac ceeda kale waxa soo taagnaa ni ka mid ah ah ciidanka Bilkinton. Aadna waan idiinka durugsana goorta aan id in arkay. Hase yeelshee, waan hubaa in aan arkay isaga oo kula hadlaya, adiga oo weliba u oggolaaday in uu kuu salaaxo sanka. Haddaba, waa maxay waxaasi Moolliyey?” “Muu samayn! Maan yeelin! Maaha run!” ayaa Moolli ku qaylisay iyada oo dhinacna hayn la’, oo qoobab keedu qaf taas ku hayaan dhulka. “Moolliyey! I soo eeg! Ma iigu dhaaraneysaa in aanu kuu salaaxeyn sanka?” ayaa Koloofar weydiisay. Moolli oo ooyeysaana waxay ku jawaabtay, “Maaha run!” iyada oo siin kari weydey Koloofar indhaha. Cabbaar yar daba deedna waxa ay u carartay barbarka beertu ka xigtey. Haddaba Koloofar baa markiiba fekradi ku soo dhacday. Juuq iyo jaaq iyada oo cidna aan u odhan bay toos u aadday xerada Moolli. Qasabkii yiil xerada Moolli oo ay u rogtey dhinacca kale bay mar kaas ka hoos helshay kuusas sonkor ah iyo xidhmooyin boqorro midab-midab ah. Saddex maalmood markii arrin taas laga joogey ayaa Moolliba la waayey. Dhawr toddobaad markii war iyo wacaal laga waayey ayaa maalin danbe qoolleydu ku soo warrantay in ay joogto Magaalada Wellindhon barbar keeda shishe. Weliba qoolleydu waxa ay in taas raacisay in Moolli oo mar kaas hor taagneyd makhmaradda magaalada, uu ku xidhnaa gaadhi yar oo qurux badani. Nin buuran oo weji cas, surwaal diillimo lehna galshan baa, sida qoolleydu ku warrantay, afka u gelgelinayey kuusas sonkor ah isaga oo u salaaxaya sanka. Koodh dhowaan loo tolay, iyo boqorro cascas oo foodda loogu qurxiyey baa iyaduna galshanayd. Sida qoolleydu sheegtay, farxad iyo rayrayn baa ka muuqdey Moolli. Magacca Moolli oo lagu soo qaadqaado beerta maalin taas ayaa u danbeysey. Bilshii Janawari oo bahal dhaxan ah wadata ayaa kol kaas soo galshay. Ciiddii beertana dhaxanta ayaa ka dhigtay bir oo kale. Wax hawl ahna si daas ayaa looga qaban kari waayey beerta. Ha fadhdhido Farow, markii xaalku ku dhacay ayaa shirar badan la qabanqaabiyey. Doofaarradiina waxa ay isku shuqliyeen qorsheynta hawlaha la qaban doono guga soo fool leh, gaar ahaanba imminka oo ay meel martay in doofaarrada keli good gooyaan talo kasta oo ku lug leh siyaasadda maamulka beerta. Si daas waxa ugu wacnaa fiicnaanta doofaarradu ka fiicnaayeen xayawaanka in tooda kale. Taas oo jirtey ayaa haddana weli loo baahnaa in xayawaanka in tooda badani ku raacaan doofaarrada talada ay gooyaan si tala doodu u noqoto meel-mar. Nidaam kaasi, si qumman buu u shaqeyn lahaa haddii aanu jirin asaraarka joogtada ahaa ee dhex yiil Isnoobool iyo Naabooliyoon. Arrin kasta oo muran yeelan kartana, laba dooda ayaa isku diidi jirey oo foodda is-dari jirey. Haddii mid kood soo jeediyo in heedda la beero laga badiyo inta ay tahay, hubaal waxa ahaa in kan kale ka soo barbar jeedin lahaa in qamandida oo la badiyaa ka habboon tahay. Haddii mid kood yidhaahdo beer-heblaayo, kaabashka ayaa si fiican uga bixi kara, kan kale ayaa ka barbar odhanayey in haba yaraatee, aan beer-heblaayo faa’iido u lahayn wax aan ahayn waxyaalaha ka baxa ciidda hoos teeda. Laba dooda mid kastiba waxa uu iska lahaa xayawaan isaga taageersan. Doodo aad u kulul oo ka dhex dhacayna waa loo soo joogey. Shirka inta la joogo Isnoobool baa xayawaanka badi dooda ku soo jiidan jirey khudbad diisa macaan. Naabooliyoonna waxa uu ku fiicnaa sida xayawaanka loogu soo sasabto debedda; had iyo jeerna waxa uu ku guuleysan jirey in uu helo taageerada idaha. Beryihii danbena waxa la arkay idaha oo goor walba ku fadqalalaynaya shirka bacaac dooda “samaa afar lugood, Xumaa laba lugood!” taas oo ay ku celcelin jireen, waqti badanna ku lumin jireen. Waxa iyana la dareemay in idaha bacaac doodu bilaanbanto goorta khudbadaha Isnoobool marayaan meelaha u daran. Doofaar kaas Isnoobool waxa uu aad u dersey jariidad uu ‘Bixintaan keeda hore’ ka helay guriga Joonis, magac ceeduna ahaa “Beeraley iyo Xoola-dhaqde.” Gebi giisuna waxa uu la fatahayey fekrado iyo mashaariic hor leh si waxyaalo cusub loo abuuro, waxxii hore loo haysteyna loo daryeelo, loona hagaajiyo. Mar uu ka hadlayey siyaalaha beeraha looga dhawro in biyuhu kor fadhiistaan iyo waxyaalo kale oo hawlaha beeraha la xidhiidha, waxa uu muujiyey in uu u leeyahay garasho dheer waxyaalaha uu ka hadlayey. Iyana waxa uu soo tifatiray hab xayawaanku maalin kasta saalada ugu ridaan meel beerta ah oo ka duwan meelshii maalinta hore, si looga fursado saalada daadgureyn teeda. Naabooliyoonse, wax mashaariic ah oo madax xiisa uu ka keenay ma jirin. Isaga oo aan iskuba shidin buu isla soo mataxay in mashaariicda Isnoobool sida ay u dhan yihiin noqon doonaan biyo col dhaanshey. Waxa uu u ekaa sidii uu jab la maaggan yahay Isnoobool oo dhawrayo waqti u soo meeri doona. Muran iyo asaraar waxxii laba dooda ka dhex dhacay midna kama qadhaadheyn doodda ku dhex martay arrin ku saabsanayd dhismaha Wershedda Dabaylshu waddo. Dood daas waxa keeneyba waxa uu ahaa taagga ahaa beeraha cawska dhex dooda ee Isnoobool u soo sahamiyey in wershed dabayli waddo laga dhiso. Taag gaasi waxa uu ka sarreeyey beerta in teeda kale, guryaha beertana si daas ugama sii fogeyn. Isnoobool oo sahamiyey dhulka ay ku fadhdhido beertu, sida uu u dhan yahay, waxa uu meelsha ka caddeeyey in taag gaasi yahay meel laga dhiso wershed dabaylshu waddo meelsha ugu habboon. Wershedda dabaylshu, sida uu yidhi, waxa ay ka shaqeysiin doontaa daynabo dhalin doonta xoogga korontada beertu u baahan tahay – xoog gaas oo iftiimin doona xeryaha, jiilaalkana ka dhigi doona dugsi iyo diirrimaad, miinshaaraha wax lagu jarjaro dhaqaajin doona, makiinadda lo’da lagu lisona wadi doona. Xayawaanku weli goodba ma maqlin waxyaalo si daas oo kale ah waayo beer tooda ayaa ahayd beeraha waqtiyadii hore, makiinada heeduna waxay ahaayeen kuwo beri hore la dhaafay. Si daas ayaa xayawaanka oo amankaagsani u dhegeysteen Isnoobool oo hadal ugu sawiraya makiinado dhabannahays leh oo ka furan doona hawlsha ay qabtaan, iyaga oo, haddii ay xayawaanka yihiin, degganaan ku daaqi doona; kooda rabaana maskax diisa hore ugu marin doona wax-akhris iyo ra’yi-is-weydaarsi. Muddo badani iyada oo aanay tegin ayaa isnoobool durba si buuxda u soo habeeyey hindisihii Wershedda Dabaylsha. Faahfaahsanaanta siyaalaha dhismuhu noqon doono waxa uu ka keenay saddex buug oo Joonis lahaan jirey, saddex daas buug oo la kala odhan jirey: KUN WAXYAALOOD OO GURIGA AGAGAARKIISA WAX KA TARA, SIDA NIN KASTIIBA U DHISTO GURIGIISA iyo BILOWGA BARASHADA KORONTADA. Muddada uu hawl shaas isku dubba ridayeyna waxa uu isticmaalayey waab ay oolli jireen makiinadaha unkunta dillaaciya oo hoos tiisu ka sameysneyd qori aad isugu si man, in wax lagu kor sawirona aad ugu habboon. Waab kaas ayaa Isnoobool isku xidhi jirey saacado iska dhan oo isku-bixis ah, isaga oo buugaggu u kala furan yihiin, raafkana ku qabsaday tabaashiir uu hor iyo dib u er-eryayo oo ku sawirayo diillimo is-daba jooga. Dhawaaq u-qaadasho-waa ah ayaa hadba ka fakanayey, marka uu arko waxxii uu sawirayey oo u koray tallaabo-tallaabo, una ekaaday naqshad aad u murugsan oo ka kooban tiirar iyo giraamo ilka leh. Si daas ayaa naqshaddu u buuxisay waabka badh kiis. In kasta oo xayawaanka kale waxba ka garan waayeen naqshadda, haddana aad bay ugu bogeen, ulana yaabeen. Caadona waxa u noqday in xayawaan kastiba ugu yaraan dharaar tiiba mar soo dhugto naqshadda Isnoobool. Iskaba daa cid kale ee digaagga iyo digirinkuna booqasho ayay ku tageen waabka; sumadaha tabaashiirta in ay ku tuntaanna aad bay isaga ilaaliyeen. Naabooliyoon keli giis ayaa ka maagay waabka oo aan soo arkin naqshadda. Isaguna horeba waxa uu u sii caddeeyey in uu diiddan yahay fekredda Wershedda Dabaylsha. Hase yeelshee, maalin buu si lama-filaan ah u tegey waabka si uu u soo arko naqshadda. Qun yar isaga oo tallaabsanaya ayuu mar kaas ku soo wareegay naqshadda. Hal kaas ayuu kaga dayma sugtay tifatirnaanta naqshadda uu sawiray Isnoobool. Mar ama laba wax aan dhaaminna waxa uu muujiyey quudhsi uu quudhsanayo naqshadda ku sawiran meelsha. Daba deedna inta uu cabbaar hogtay, isaga oo ka fekeraya naqshadda oo hadba ka eegaya il-qoodhdha, ayuu markii danbe naqshadda ku sii daayey kaadi. Kaadida markii uu dhammaystayna, juuq iyo jaaq isaga oo aan odhan ayuu waabka ka baxay. Laba dhinac ayaa xayawaanka beertu ugu kala jabeen arrinta Wershedda Dabaylsha. Isnoobool oo fekradda bilow geeda lahaa marna ma uu garowsan waayin in mashruucca fulin tiisu noqon doonto mid aad u qallafsan. Waxa uu ogsoonaa in dhagax la soo jabsan doono, in derbi la dhisi doono, in shiraac la taagi doono, daba deedna in daynabo iyo xadhko dabka qaada loo baahan doono, in kasta oo aanu waxba ka sii sheegin habka daynabada iyo xadhkaha loo heli doono. Isaga oo dhibaatooyin kaas wada ogsoon ayuu haddana ku adkeystay in hawlsha sida ay u dhan tahay lagaga fara xalan doono muddo sannad ah. Sannad kaasi goorta uu dhammadona, sida Isnoobool yidhi, xayawaanku waxa ay ka fursan doonaan lur badan oo imminka haysta, iyaga oo toddobaadkiiba shaqeyn doona saddex maalmood oo keli ah. Naabooliyoonse, waxa uu dhinac ciisa kaga dooday in baahida weyn ee beerta ka taagani tahay in la kordhiyo tacabka beeraha iyo soo-saaridda cuntada. Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in ay u wada baqtiyi doonaan macaluul haddii ay waqti ku lumiyaan Wershedda Dabaylsha. Si daas ayaa xayawaanku u kala noqdeen laba kooxood oo u kala halgamaya labada halqabsi ee kala ah: “Cod kaaga sii Isnoobool iyo toddobaadka ah saddexda dharaarood” iyo, “Cod kaaga sii Naabooliyoon iyo caloolsha buuxda.” Dameerka Benjamin baa noqday xayawaanka keli ah ee aan raacin kooxna. Isaguna waxa uu iska diiday in uu rumeysto in cuntadu ka badan doonto inta ay tahay, ama, in Wershedda Dabaylsha dhis keedu ka furan doono hawl uu imminka qabto. Waxa uu ku sheekeeyey in wershedda dhis keeda iyo maqnaansha heeda, midna aanu wax ka doorin doonin nololsha oo si deeda u socon doonta – taas oo ah si silic iyo saxariir leh. Kolka la iska dhaafo muranka ka taagnaa arrinta Wershedda Dabaylsha, waxa iyana taagneyd arrin ku lug leh gaashaandhigga beerta. In kasta oo Bani-aadmiga lagu jebiyey Goobtii Xerada lo’da, haddana waxa la wada ogsoonaa in ay suuragal tahay in Bani-aadmigu mar kale soo rogaal celin karaan weerar iyaga oo isku deyi doona in ay dib u hantiyaan beerta oo soo celiyaan xukunka Joonis. Sabab ka sii weyn tii hore oo bani-aadmiga ku kallifta in ay yeelaan si daas imminka way haysteen; Maxaa yeelay, goortii warka jab koodu ku fiday beeraha kale ayaa xasillooni-la’aantii ku sii korodhdhay xayawaankii ku noolaa beeraha deris kooda ahaa. Sidii caadadu ahayd, Naabooliyoon iyo Isnoobool mar kiiba waxa ay isku diideen gaashaandhigga beerta. Naabooliyoon waxa uu ku adkeystay in ay raadsadaan hub, tababar ku qaadtaan oo si daas u gaashaan dhigaan. Isnooboolse waxa uu door biday in ay diraan kooxo intii hore ka badan oo qoolley ah si ay u kacaamiyaan xayawaanka beeraha kale ku nool. Si daas ayaa mid ugu dooday in ay hubaal tahay in la qabsan doono haddii aanay sameysn gaashaandhig; kii kalena ugu dooday in gaashaandhigba aan loo baahnaan doonin haddii ay meel la arkoba ka ridaan kacaan. Xayawaanka in toodii kale, isu dhegeysta uun baa ka soo hadhdhay oo labada dhinac kood toosan bay garan waayeen. Runta haddii la sheegona, damee dhaan raacday bay ku dhaceen oo hadba kooda ku danbeeya hadalka ayay u guuxayeen. Arrintu waxa ay si daas ahaatoba, Isnoobool baa maalintii danbe dhammeeyey naqshaddii Wershedda Dabaylsha. Axadda ka danbeysey maalin taas uu dhammeeyey naqshadda ayaa la gartay in arrinta Wershedda Dabaylsha lagaga doodo Shirka Guud ee, Xayawaanka. Codna waxa loo qaadayey in mashruucca la hir geliyo iyo in kale. Si daas ayaa Axaddii ku soo galshay, xayawaankiina ku soo shireen xeradii horeba loogu shiri jirey. Markii xayawaanka oo idili ku soo dhammaadeen xerada ayaa isnoobool sara joogsaday oo soo ban dhigay sababta uu xayawaanka ugula talinayo in wershedda la dhiso, in kasta oo bacaacda iduhu dhawr jeer ka dhex galshay hadalka. Markii Isnoobool ka baxay hadalka ayaa Naabooliyoon sare joogsaday isaga oo Isnoobool u jawaabaya. Hal kaas ayuu ka sheegay in Wershedda Dabaylsha dhis keedu aanu waxtar lahayn. Naabooliyoon haddii uu yahayna waxa uu uga digay xayawaanka kale in ay cod kooda siiyaan Isnoobool. In taas markii uu yidhi ayuu markiiba degdeg u fadhiistay isaga oo daqiiqad badh keedna aan hadlin. Hal kaas waxa ka muuqdey in danba aanu ka lahayn haddii hadal kiisu cid ka dego iyo haddii kale. Isla mar kaas ayaa Isnoobool fadhdhiga ka booday oo inta uu cir kaas ka qayliyey, ku kala aammusiyey idihii bacaac lahaa. Si jidhiidhico ku jebisey xayawaanka buu uga baryey in ay oggolaadaan in la dhiso Wershedda Dabaylsha. Waxaana jirtey in xayawaanku intii hore oo dhan u kala badhnaayeen labada fekradood. Hase yeelshee, waxa badi dooda jiidtay aftahamada Isnoobool, isaga oo hadallo macmacaan ugu sawiray sida Beerta Xayawaanku noqon doonto goorta xayawaanka laga kor hinjiyo hawlaha dulliga leh. Fekraddii baa haddaba la fogaatay oo waxa uu kari waayey in uu hadal kiisa ku soo koobo makiinado wax googooya ama wax jeexjeexa. Markiiba waxa uu kuwaas uga gudbay in uu ka hadlo awoodda korontadu u leedahay in ay ka shaqeysiiso makiinado galleyda dhila; kuwo beeraha qoda; kuwo baaqbaaqa; kuwo cawska gooya, duuba oo xidhxidha; iyada oo weliba awood u leh in ay iftiimiso xero kasta oo siiso biyo kulul iyo kuwo qabow hadba kuwii la rabo; jiilaalkana dugsi iyo diirrimaad ka dhigto. Shakina kuma jirin meelsha codku mari lahaa markii Isnoobool ka soo jeestay hadal kiisa. Hase yeelshee, mar kaas qudh dheeda ayaa Naabooliyoon sara joogsaday. Inta uu Isnoobool ku gubay indhaha oo u eegay si aan hore loo arag, ayuu ka kacay ci’ dheer oo wax la mid ah aan hore loo maqlin. Ci daasi markii ay yeedhdhay ayaa laga maqlay xerada duleed keeda ci’ kale oo xayawaanka ka wada argagixisay. Isla markiiba, sagaal ey oo laxaad koodu u dhan yahay, surarkana ugu jiraan giraamo naxaas ahi baa xerada balow ku soo yidhi. Xagga iyo xagga iyaga oo midna aan eegin ayay toos u abbaareen bartii uu joogey Isnoobool. Isnooboolna meelshii uu fadhdhiyey buu markiiba ka oogsaday, dirqina waxa uu kaga fakaday ilka hooda wax xiirayey. Isaga oo aan hakan buu markiiba irridda boobay oo debedda u furjuq yidhi. Sagaalkii eyna Isnoobool bay daba jabsadeed. Xayawaankii cabsida iyo amankaaggu ku dhaceen irriddii bay u wada yaaceen oo isku cidhiidhiyeen si ay u daawadaan baacsashada. Isnoobool mar kaas waxa uu dhex jeexayey, kana gudbayey caws ahaa dhabbada weyn dhinac ceeda, isaga oo u durdurinaya si, doofaar mooyaane, xayawaan kale aanu u durdurin karin. Eyda oo aan ka gaabineynina gondaha ayay kaga jirtey. Si daas isaga oo gondaha loogaga jiro ayaa Isnoobool kufay. Xayawaanka daawanayeyna waxa ay is- wada yidhaahdeen “Hadda ayaa la haleelay.” Haddana wuu kacay oo u cararay sidii hore si ka sii daran. Eydii baacsaneyseyna intii hore ayay kaga soo dhowaatay. Eyda mid koodna waxa uu ku sigtay in uu dibka ku soo dhego haddii aan Isnoobool degdeg dhinac uga wadhfin oo orod kiisa hore ku sii darin xaw kale. Wax aan taako dhammeyn isaga oo eyda ka horreeya ayuu ka dusay dalool ahaa beerta ood deeda. Arag loo yeelsho Isnoobool maalin taas ayaa u danbeysey. In taasi markii ay dhacday ayaa xayawaanka oo la shib yidh argagax, dib ugu soo luudeen xerada. Cabbaar yar daba deedna eydii oo boodboodeysa ayaa xerada isku soo shubtay. Intii hor oo dhanna cidiba way saari weydey meelsha eydu ka timi; has yeelshee, cabbaar yar daba deed baa la ogaaday in ay yihiin eyd1 Naabooliyoon u korin jirey sida gaarka ah ee hooyooyin koo uu ka qaaday iyaga oo murjuc ah. In kasta oo ay weli korayeen haddana aad bay u laxaad weynaayeen; bahalnimo tan yeyda o kale ahina waa ka muuqatey. Xerada markii ay ku soo laabtee ayay ku ag xoomeen Naabooliyoon oo dibka u luleen, sida eyd kaleba dibka ugu luli jirtey Joonis. Naabooliyoon oo eydu ku daba jirto ayaa mar kaas fuulay rakadi’ Duqqa Mijir hore uga khudbadeeyey. Hal kaasna waxa uu k sheegay: in maalin taas waxxii ka danbeeya aanay jiri dooni shirarka Axadaha oo waqti-lumis ahaa; in guddi doofaarro k kooban oo isagu u yahay Guddoomiye goyn doonto talooyinka beerta ku lug leh waqtiyada soo fool leh; in kulannada guddidu noqon doonaan qarsoodi, go’aannada ka soo baxana la soo gaadhsiin doono xayawaanka in tooda kale; in weli loo baahan yahay in xayawaanku isu yimaaddaan arooraha Axadaha, in kasta oo wax dood ahi aanay jiri doonin, si ay u salaamaan calanka, heesta ‘Iglan Xoola heedow’, u heesaan, amarrada hawlaha toddobaadka iman doonana u qaadtaan. In kasta oo xayawaanku weli la yaabsanaayeen eriga la erye Isnoobool, haddana waxa ay u qaadan waayeen waxyaala haa Naabooliyoon ku dhawaaqay. Dhawr xayawaanka ka mid ahin wayba is-hor taagi lahaayeen haddii ay u caddaan lahayd wax ay doonayeen. Kolleyba Boskar wax galay qoonsimaad u haddana sheegi kari waayey waxa uu yahay. Dhegaha ayuu di u nabay, foodda ayuu dhawr jeer gilgilay, aadna wuu isugu deyey in uu isku duwo ra’yi giisa. Gun tiise waxa ay noqotay isaga o iska waayey waxa uu la yeedho. Waxaase ka aftahansanaa qaa ka mid ah doofaarrada. Afar doofaar oo yaryar oo safka hor fadhdhiyey, kana mid ahaa kuwii Joonis dhufaanay ee qalliink ugu tala galay, ayaa qaylo dheer oo diidmo ah ka kacay. Afa tooduba inta ay fadhdhiga mar ka wada oogsadeen ayay mar keli ah hadal wada bilaabeen. Doofaarrada buuqaya markii a- arkeen ayaa eydii hareera fadhdhidey Naabooliyoon sii deysey teen bajiyey daafaarrada. Afar toodiiba, inta ay mar qudha ah sliib wada yidhaahdeen ayay dib ugu laabteen fadhdhiga. Arrinta oo meel shaas halista ah mareysa ayaa idihii kaga dayyaamiyeen bacaac dooda “Samaa Afar Lugood, Xumaa Laba Lugood”, taas oo socotey muddo rubuc saace ku dhow. Haddiiba ay soo meeri lahayd fursad arrinta lagu sii wadwadaana, bacaacda idaha ayaa iursadda u lumisay si daas. Halkaas ayaa shirku ku dhammaaday. Goor danbena waxa la soo diray Iskuwiilar si uu xayawaanka ugu sharxo nidaamka i usub. Iskuwiilar oo arrin taas ka hadlayeyna waxa uu yidhi: “Jaallayaal, waxa aan rumeysan ahay in xayawaan kasta oo goob- joog ahi aqoonsan yahay sida Jaalle Naabooliyoon inoogu huray naf tiisa, culeys dheeraad ahna u qaaday. Hana moodina, (aallayaal, in madaxtinimadu tahay wax lagu badhbadhaadho. Wax lagu badhbadhaadho oo ay tahay daa, ee waa xil aad u cuius, laalle Naabooliyoon sida uu u rumeysan yahay in xayawaan oo idili siman yihiin, cid kale uma rumeysna; arrin Jaalle Naabooliyoon farax gelisana waxa ugu weyn isaga oo idiin daaya in aydin is-kiinna u talshataan. Hase yeelshee, Jaallayaal, talada ayaa marmarka qaar kood idinka murkucan karta. Aayatiin keennuse maxay buu noqon doonaa goorta aydin gaadhdhaan lalooyin reebi kara cidhib-xumo? Bal ka soo qaad in aydin ku raaci lahaydeen Isnoobool in la dhiso Wershedda Dabaylsha ee uu idinku indha sarcaadiyey – Isnoobool oo sida aynnu imminka og nahay aan waxba dhaamin dhagar-qabe!” Xayawaanka mid ka mid ah baa u jawaabay oo yidhi, “Isnoobool, geesinimo ayuu kaga dagaallamay Goobta Xerada Lo’da.” “Geesinimo keli ahi waxba ma tarto, oo geesinimadaba waxa dhaama daacadnimo iyo amar-qaadasho. Goobta Xerada Lo’da haddii aad ka hadalshayna, kolleyba anigu waxa aan ogsoonahay in waqti iman doono, waqti gaas oo innoo muujin doona in qaybta Isnoobool ka qaadtay dagaalka ahayd mid tooxda ay lahayd laga weyneeyey. Habeysnaan, jaallayaal, habeysnaan sida birta u adag! Kaas weeye halqabsi geennu maanta. Tallaabo keli ah oo meel-ka-dhac ah haddii aynnu qaadno, nacab keenna ayaa innala hiishan doona. Haddaba, Jaallayaal, idinka aan idinka maqlo, miyaydin rabtaan in Joonis soo laabto?” Si daas ayaa Iskuwiila ku jawaabay. Doodda Iskuwiilarna si daas ayay mar kale u nqotay mid aari waxba laga odhan karin. Horta hubaal bay ahayd oo xayawaank_ mid koodna ma rabin in Joonis soo laabto. Kolse haddii doodaha ay yeelan jireen maalmaha Axadaha suura gelinayeen Joonis soo- laabasha diisa, kol kaas ha maqnaadeen dooduhu. Boskar oo sidii fekeraad ugu maqnaa ayaa mar kaas ku dhawaaqay sid xayawaanka fekrad doodu u badnayd oo yidhi, “Jaalle, Naabooliyoon yidhiyaaba, run weeye.” Erey yadaas ayaa Boskar ka dhigtay halqabsi cusub, kuna kordhiyey halqabsi giisii hore ee ahaa “Sidan si ka sii daran baan u shaqeyn doonaa.” Waxyaala haasi goorta ay dhacayeen waxa ay ahayd goor dhaxanta jiilaalku jabtay oo qodaalka gugu bilaabmay. Waabkii Isnoobool ku sawiray naqshadda Wershedda Dabaylshana hore ayaa quful loogu jebiyey oo waxaaba loo wada qaadtay in naqshadda la baabi’iyey. Axad kastana sidii baa tobanka aroornimo loogu kulmayey xerada weyneyd, hal kaas oo xayawaanka lagu siin jirey amarrada toddobaadka soo fool leh. Qalfoofkii madaxxa Duqqa Mijir oo laga soo saaray xabaalshii hore loogu aasay wax isagana laga soo lulay jirrid ku tiil birta calanka ag teeda. Xayawaankana waxa lagu waajibiyey in ay ku ag maraan qadderin iyo weyneyn madaxxa Duqqa Mijir, goorta ay ka soo jeestaan calanka salaan tiisa, inta aanay gelin Xerada Shirarka. Beryahan danbena waa la kala baxay oo sidii hore looma wada fadhiisan jirin. Naabooliyoon, Iskuwiilar, iyo doofaar kale oo la odhan jirey Minimas kaas oo hibo u lahaa hal-abuurka heesaha iyo gabeyyada safka u soo horreeya rakada ayay soo fadhiisan jireen, iyaga oo sagaalka ey ku xeeran yihiin; doofaarrada kalena, kuwaas dhabar kooda ayay soo fadhiisan jireen. Xayawaanka in tooda kalese golaha xerada ayaa fadhdhi goodu ahaa oo rakada ayay ka soo hor jeesan jireen. Hal kaas ayaa Naabooliyoon isa soo quturi jirey, amarrada toddobaadkana u bixin jirey si qallafsan oo askarinimo ku jirto. Daba deedna, inta heesta ‘Iglan xoola heedow’ mar keli ah la qaado ayaa meelsha lagu kal dareeri jirey. Saddex Axadood kolkii laga joogey caydhiska Isnoobool ayaa xayawaanku la yaabeen markii ay maqleen Naabooliyoon oo ku dhawaaqay in Wershedda Dabaylsha la dhisi doono. Sababta uu u beddeley ra’yi giisii hore haba yaraatee waxba kama uu sheegin. I lase yeelshee, waxa uu ka sii digay: in hawl shaas soo kordhi doontaa la iman doonto rafaad ka badan intii hore; in laga yaabo in laga maarmi waayo cuntada oo la dhimo; in saddexdii toddobaad ee tegey guddi doofaarro ahi ku haysey faraha arrinta dhismaha Wershedda Dabaylsha, guddi daas oo si tifatiran u soo jaan goysay mashruucca Wershedda Dabaylsha; iyo, in wershedda dhis keeda iyo daryeelka kale ee beertu qaadan doonaan muddo laba sannadood ah. Maalintaas habeenkii ka danbeeyey ayaa Iskuwiilar hoos ahaan ugu sheegay xayawaanka in, sida runta ah, aan Naabooliyoon weli giisba is-hor taagin dhismaha Wershedda dabaylsha; in kii arrintaba bilaabay ahaa Naabooliyoon, waaba is-hor-taag uu is- hor taagaye; in naqshadda Isnoobool sawiray hore looga dhex xaday waraaqaha Naabooliyoon oo fekradda Wershedda Dabaylshuba ahayd wax Naabooliyoon abuuray. Xayawaanka mid ka mid ah baa qanci waayey oo yidhi “Haddii arrintu si daas tahay, maxaa Naabooliyoon sidii ba’neyd ugu diiddanaa?” Iskuwiilr oo weji giisa khaa’innimo ka muuqatay baa u jawaabay oo yidhi, “Taasi wax ay ahayd siyaalaha Jaalle Naabooliyoon wax u dago. Sababta uu isu ekeysiiyey in uu diiddan yahay Wershedda Dabaylsha waxa ay ka ahayd xeelad uu rabey in uu kaga fara xalsho Isnoobool – Isnoobool oo halis soconeysa ahaa, xayawaanka kalena si xun wax u gelinayey. Taas oo kalena, TAB, baa la yidhaahdaa Jaallayaal, TAB!” Erey gaas ayuu dhawr jeer ku celceliyey isaga oo wareegaaleysanaya, dhilfkana ruxaya oo qosol farax ka keenay ku daraya. Erey gaas Iskuwiilar ku celceliyey macne hiisa ma hubin xayawaanku. Guud ahaanse, si xayawaanka qancisay baa Iskuwiilar u hadlay. Reenkii waxa ka bajinayey ee ka baxayey saddexda ey ee la socdey Iskuwiilar, baa isaguna yeelsiiyey xayawaanka in ay u qaadtaan arrinta sida loogu sheegay oo aanay ka sii wadwadin hal keeda. Cutubka 6aad Addoon si deeda ayaa xayawaanku u rafaadeeen sannadku sida uu u dhammaa. Hawlaha ay qabanayeen aad bay uga raalli ahaayeen oo awood iskama ay xistiyeyn, wax loo baahday in la hurona ma ay huri waayin. Waxa ay ogsoonaayeen in iyaga iyo ubad koodu u aayi doonaan dheefta dhidid kooda, ee koox Bani- aadmi ah oo wahsi dilshooday aanay u aayi doonin. Si daas dar teed ayaa hawl la isugu bixiyey, gu iyo xagaaba, iyada oo toddobaad kiiba la shaqeynayey lixdan saacadood. Weliba si daas ayaa Naabooliyoon ku dhawaaqay bilshii Ogost in Axadahana la shaqeyn doono, shaqada Axadaha oo uu ku tilmaamay in ay tahay iskaa-wax-u-qabso ee khasab aanay ahayn. Taas oo jirtey, ayaa haddana xayawaanka ka maqnaada shaqada, laga dhimayey cuntada kala badh-oo-badh. Iyada oo loo hawl gelayey si daas har la’aanta ah, ayaa haddana la wada fulin kari waayey, hawlihii lagu tala galay oo dhan. Tacabkii laga goostay beeraha xagaa gaas, xoogaa buu ka yaraa intii laga gooyey xagaagii tegey. Laba beerood oo la is-lahaa ku beera waxyaalaha ka baxa ciid hoos teeda, iyana qodaal koodii baa dib u dhacay oo waxba laguma beerin. Si daas ayaa loo sii arki karayey in jiilaalka soo fool lahaa noqonayey mid aad u adag. Wereshedda Dabaylshu, iyana waxa ay la timi dhibaatooyin hor leh oo xayawaanka ku noqday lama-fulaan. Waxa ay ku ayyaan badnaayeen dhulka beerta oo lahaa god dhagax wanaagsan oo dedib ah laga qodan karayey. Aqal ka mid ah aqalladii ka dhisnaa qolqolka duuleed kiisana waxa laga helay niis iyo sibidh. Si daas ayaa loo heli karayey alaabta dhismaha oo dhan. Dhibaatada xayawaanku u maara waayey intii hore oo dhan wax ay ahayd sida ay u jejebin lahaayeen dhagaxxa, si dhismaha loogu isticmaali karo. Waxa ay u ekeyd in aanay jirin si kale oo dhagaxxa lagu jejebiyaa, iyada oo la isticmaalo mandaraq iyo sabarad mooyaane. Mandaraqqa iyo sabaradduna waxa ay noqdeen qalab aan xayawaanku isticmaali karin kol haddii aanay isku taagi kareyn labada addin ee danbe. Dhawr toddobaad ayay isku deyayeen in ay dhagaxxa burburiyaan. Hase yeelshee, markii dedaal koodu in badan noqday tacab khasaaroobay, ayay, maalintii danbe, ku soo dhacday mid kood taladii toosnayd. Waxa la yidhi, “dhulka badhtame hiisa ayaa leh xoog uu dib ugu soo jiidto wax kasta oo kor ka aada.” Xoog gaas ayay damceen in ay ka faa’iideystaan si ay u jejebiyaan dhagxanta. Dhadhdhaabo waaweyn oo daadsanaa godka guda hiisa, si doodana aan loogu isticmaali kareyn dhismaha, ayay mar kaas xadhko soo sudheen. Lo’, fardo, ido, iyo xayawaankii kale ee helay meel uu ka haleelo xadhigga, iyaga oo u wada jira, ayay dhadhdhaabaha qun yar soo jiideen ilaa ay soo gaadhsiiyeen godka qar kiisa. Doofaarrada qudh dhooduna gacan bay siinayeen marka ay qadhaadhaato. Rafaad kaas gaadhay dar tiis, marmar bay ku dhowaanayeen quus. Hawl kasti ha ku dhacdo, ee godka qar kiisa goorta ay soo gaadhsiiyaan dhadhdhaabta ayay hal keeda dib uga dulundulceysiinayeen si ay ugu burburto godka guda hiisa. Dhagxanta la burburiyey ee laga soo daad guraynayey godka guda hiisa, ka fududeyd candhuuf la tufo kolka la barbar dhigo dhadhdhaabaha burburin tooda. Dhadhdhaabaha marka si daas loo burburiyo ayaa farduhu gawaadhi ku soo daldali jireen, iduhuna dhagax-dhagax u soo jiidi jireen. Iskaba daa cid kale, ee Benjamin iyo Mureel waxay isku xidheen gaadhi ay lahaan jirtey aayadda reer Joonis, qaybta ay ku lahaayeen hawlshana si daas ayay uga soo baxeen. Xagaaga dabayaaqa diisa kolkii la gaadhay waxa tuurnaa dhagax ku filan dhismaha; hawlsha dhiskana mar kaas ayaa la guda galay, iyaga oo doofaarradu ka ilaalinayaan dulsha. Tallaabo kasta oo xayawaanku qaadaan, mid rafaad leh bay ahayd. Sida ay u badneydna, dhadhdhaab keli ah oo ay soo gaadhsiiyaan hogga qar kiisa baa ka qaadaneysey maalin iska dhan – dhadhdhaab taas oo weliba marmarka qaar kood burburi waayeysey marka ay dib ugu sii daayaan hogga. Haddii aanu jirin Boskar laxaad kiisa u dhigmayey in tooda kale oo la isku daro, waxba uma meel mareen xayawaanka. Kan had iyo jeer ku mintidayey xadhigga Boskar buu ahaa. Goorta dhadhdhaabtu sibiibixato oo xayawaanka kale, intay yididdiilo beelaan, cabaad ku waalshaan, isaga ayuu ahaa kan dhadhdhaabta joojinayey. Haddii aad arki lahayd Boskar oo taako-taako tiirada uga soo baxaya oo ku waalshay hiinraag; Boskar oo dhulka ku aasay qoobabka caara dooda; isaga oo dhidid buuxiyey sarara hiisa tooxda weyn; in taas oo dhan haddii aad arki lahayd, majeerasha diisa ayuun baa kaa soo hadhi lahayd. Koloofar markii ay aragtay sida Boskar u shaqeynayo ayay dhawr jeer la talisay si uu isu banbaaniyo oo aanu isku dhabar jebin hawlsha. Hase yeelshee, digniin teeda marna dheg uma uu dhigin. Laba diisa halqabsi ee kala ahaa ‘Sidan si ka sii daran baan u hawl geli doonaa’ iyo ‘Jaalle Naabooliyoon yidhiyaaba, run weeye’ ayuu is-lahaa baa u ah dawo dhibaato kasta oo kaa hor timaadda. Si daas dar teed ayuu mar kale kula heshiiyey diigga in uu baraarujiyo goor saacad rubuc la’ ka horreysa goorta xayawaanka kale toosaan, halkii uu ka hor toosi jirey xayawaanka kale saacad badh keed. Marmarka aan hawli jirin, oo beryahan danbe aan si daasba u sii badneyn, keli giis baa aadi jirey godka dhagaxxa oo isa soo saari jirey rar dhagax ah, kaas oo uu u jiidi jirey meelsha laga taagayey dhismaha. Guud ahaanse, xaalka xayawaanku kama sii darin xagaa gaas oo dhan in kasta oo hawlshu aad u qallafsaneyd. Cuntada ay helayeen haddii loo eego tii ay hore u heli jireen, in ay ka badnaato ma ahee kolleyba kama yarayn. Guulsha ay soo hooyeen ee ahayd in iyagu la soo baxaan cunta dooda, iyaga oo aan masruufin shan qof oo kharash badan, taasna waxba lama barbar dhigi kareyn. Haddii la isu eego siyaalaha xayawaanka iyo Bani-aadmigu wax u kala qabanayeen, sida xayawaanku u fulinayey hawlaha qaar kood baa ka sidatey habkii Bani-aadmigu wax u qaban jirey. Ciidanka xayawaanku uga baahnaa hawla haas fulin toodana aad buu uga yaraa kii Bani-aadmigu u baahnaan jirey. Hawla haas waxa ka mid ahaa siyaalaha looga guro haramada beerta oo xayawaanku u qaban karayey si Bani-aadmi aan u suura gelin. Arrin kalena waxay ahayd sida looga maarmay in la kala oodo beeraha daaqqa iyo kuwa la beero markii xayawaanku iska daayeen beeraha ay xadi jireen. Taas ayaa baajisay ciidan badan oo looga baahnaan jirey daryeelka oodaha iyo irridaha. Si daas ayaa xaaladdu isaga fiicnayd. Hase yeelshee, kolkii xagaagu sii dhammaanayey ayaa la ogaaday in waxyaalo badani yihiin gabaabsi – waxyaala haas oo mid koodna aan laga soo saari kareyn beerta – sida saliid gaasta, masaabiirta, xadhkaha, buskudka eyda iyo birta kabaha looga sameeyo fardaha. Goor dhowna waxa loo baahanayey qalab kala jaadjaad ah oo weliba ay dheeraayeen abuurka beeraha iyo digada gacanta lagu sameeyo ee nafaqaysa beeraha. Marka u danbeysana waxa loo baahanayey makiinadaha loogu tala galay in la dhigo dhismaha Wershedda Dabaylsha, in kasta oo cidiba aanay ka sii fekerin sida loo heli doono. Subax Axadeed, iyaga oo xayawaanku isu soo shiray si ay u qaadtaan amarrada toddobaadka soo fool leh, ayaa Naabooliyoon halkii kaga dhawaaqay in uu go’aamiyey siyaasad cusub oo beerta lagu maamuli doono. Hal kaas ayuu ka caddeeyey; in ganacsi lala geli doono beeraha deris kooda ah; in ujeeddadu aanay ahayn ganacsi uun ha la galo, ee ay tahay in la helo alaab gaar ah oo si ba’an loogu baahan yahay, in baahitirka Wershedda Dabaylsha laga horreysiin doono wax wal oo kale; in Naabooliyoon haddii uu yahay, isagu qabanqaabin doono habka uu u gadi doono xidhmo caws ah iyo qayb sarreenka sannadka go’ay ah; in lacag kale haddii loo baahdo laga kaabi doono ukunta digaagga oo magaalada laga iibiyo, hal kaas oo suuq joogto ah laga heli doono. In taas waxa uu raaciyey in digaagga waajib koodu yahay in ay niyad-sami ku huraan ukunta, una qaadtaan sidii wax iyagu gaar ahaan ugu yabooheen dhismaha Wershedda Dabaylsha. Wiswis iyo qoonsimaad ay sheegi kari waayeen baa mar kale galay xayawaanka. Abidkaa Bani-aadmi ah u yeelan dhexgal; abidkaa ha gelin ganacsi; abidkaa ha qaadan, hana isticmaalin lacag – miyaanay kuwaasi ahayn go’aannadii u horreeyey ee la gaadhay markii Joonis laga guuleystay, lana caydhiyey? Xayawaankii, sida ay u dhammaayeen, waxa ay wada xusuusnaayeen iyaga oo go’aanna daas guddoomiyey, amaba, waydin wada xusuusan tihiin in ay si daas ahayd bay is- yidhaahdeen. Afartii doofaar ee horeba is-hor taagay markii Naabooliyoon baabi’yey shirarka, ayaa mar karma codka kor u yara dhigay, iyaga oo aan baqdini ka madhnayn. Hase yeelshee, kolkiiba waxa aammusiyey reenka eydu sii deysay. Daba deedna, sidii caadadu ahayd baa iduhu kaga dayyaamiyeen bacaac dooda “Samaa Afar Lugood, Xumaa Laba Lugood”, taas oo qaboojisay xiisaddii taagneyd cabaarka yar. In taasi markii ay dhacday, ayaa Naabooliyoon kor u taagay raafka si loo aammuso. Hal kiina waxa uu kaga dhawaaqay: in uu durba qaaday tallaabooyinka arrintu u baahneyd; in aan loo baahan doonin in xayawaanku la kulmaan Bani-aadmiga – taas oo ah basarxumo cad oo aan la rabin; Naabooliyoon haddii uu yahay, in isagu qaadi doono arrinta culeys keeda oo dhan; in nin la yidhaahdo Waymbar oo xeer- yaqaan ahi u dhexeyn doono Beerta Xayawaanka iyo adduunka debedda; iyo, in Waymbar iman doono beerta maalin wal oo Isniin ah si uu u qaadto amarrada. Khudbad diisiina waxa uu ku soo dhammeeyey dhawaaq qiisii caadada u ahaa, ‘Ha Noolaato Beerta Xayawaanku!’. Xayawaankiina halkii baa lagu kala diray kolkii ay heeseen heesta ‘Igl&n Xoola heedow’. Iskuwiilar baa haddaba beerta ku soo wareegay oo u caqli celiyey xayawaanka, isaga oo u hubiyey: in marna aan la gaadhin go’aan diiddan ganacsiga iyo isticmaalka Iacagta; in aan weli geedba la soo qaadqaadin arrinta, iska daa go’aan cayn kaas ah oo la isku raacee; iyo in, waxa shakiga keeneyba yahay is-moodsiinta laga yaabo in ay ku lug leedahay been uu faafiyey Isnoobool. Dhawr xayawaanka ka mid ah oo muujiyey in weli aanay qancin, Iskuwiilar baa iyagii u laacay sare oo ku yidhi: “Horta ma hubtaan waxa aydin sheegeysaan in aanay ahayn wax aydin ku riyooteen, Jaallayaal? Wax inna tusaya in go’aan cayn kaas ahi jireyse ma haysaan? Meel uu ku qoran yahayse ma jirtaa?” Hubaal bay ahayd oo ma jirin meel go’aan kaasu ku qornaa; xayawaankiina hal kaas ayay ku qanceen oo is-yidhaahdeen idinka ayaa gefsan. Si daas ayaa Waymbar u iman jirey beerta maalin kasta oo Isniin ah. Nin kaas Waymbar waxa uu ahaa nin jimidh yar, weji giisa sunaaradaha dhaadheerna, khaa’inimo ayaa ka muuqatey. In kasta oo aanu ahayn xeer-yaqaan caan ah, haddana il-dheeri buu sheegtay goorta uu waqti hore aqoonsaday, iyada oo cidiba aanay ku hanbaaburin, in Beerta Xayawaanku u baahan doonto dillaal, lagana heli doono faa’iido istaahilsha in loo dedaalo. Xayawaanka oo Waymbar aad uga baqanayey, imaatin kiisa iyo boqool kiisa ayay la socdeen. Inta ay ka fogaan karayeenna way ka fogaadeen. Hase yeelshee, goorta ay arkaan Naabooliyoon oo ku taagan afar addin oo amar siinaya Waymbar oo laba-addinle ah ayay isla weynaan jireen oo qab iyo kibir geli jireen. Dhexgal kaas cusub ee Bani-aadmi lala yeelshay ayaa xayawaanka yeelsiiyey arrinta oo waxa ay is-moodsiiyeen in xidhiidhka cusub ee lala sameystay Bani-aadmiga aanu la mid ahayn kii hore u jirey. Xidhiidh kaas cusub macna hiisu ma ahayn in neceybkii Bani-aadmigu u hayey Beerta Xayawaanka intiisii hore iska dhimay, siiba imminka oo Beerta Xayawaanku maalinba maalinta ka danbeysa sii barwaaqoobeysey. Runtu waxa ay ahayd in Bani-aadmigu imminka u necbaa Beerta si aanu weli giis hore ugu necbaan. Qof kasta oo Bani-aadmi ahina waxa uu rumeysnaa in, mar ay noqotoba, beertu fara madhnaan mudan doonto oo kaci doonto; dhismaha Wershedda Dabaylshana in wadhi ka raaci doonto xayawaanka. Makhmaradda marka ay ku kulmaan, mid kastiba waxa uu isku deyi jirey in uu kan kale u caddeeyo, isaga oo wax sasawiraya, in dhismaha Wershedda Dabaylshu dumi doono; dumis haddii uu ka baaqdona, in aanu taabba geli doonin. Waxyaala haas oo dhan oo jirey, ayaa haddana waxa ku beermay Bani-aadmiga, iyaga oo aan dhaadin, qadderin ay qadderinayeen kartida xayawaanku ku maamulayeen dana hooda. Qadderin taas astaama heeda waxa ka mid ahaa Bani-aadmiga oo beerta ugu yeedhay magac ceeda dhabta ah. Hal kaasna waxa ku hadhay is- yeelyeelkii ay is-yeelyeeli jireen ee ahaa beerta oo ay weli ku magcaabayeen ‘Beerta Maanor’. Iyana wax ay iska daayeen horseedidda ay had iyo jeer hor seedayeen danaha Joonis. Joonis hal kaas ayuu ku quustay, yididdiila diisii ahayd in uu dib u hantiyo beerta, hal kaas ayay ku baaba’day. Si daas ayuu uga googoosgay magaalada Wellindhon oo u aaday meel kale oo carrada uu kaga noolaado. Sida la ogsoon yahayna, ilaa imminka ma jirin wax xidhiidh ah oo aan ahayn kaas Waymbar wadwadey oo Beerta Xayawaanku la yeelatay adduunka debedda. Hase yeelshee, waxa jirtey nuxnux goor walba la isla dhex marayey oo ahayd in Naabooliyoon damacsan yahay in uu heshiis-ganacsi la galo Bilkinton ama Feredrik, iyada oo marna aan la carrab dhebin in uu isla mar labadaba la geli doono heshiiska. Arrinta oo hal kaas mareysa ayaa doofaarradu si lama-filaan ah ugu guureen gurigii Joonis oo hoy ka dhigteen. Xayawaankuna, si daas ayay mar kale is-moodsiiyeen in uu jirey go’aan beri hore la gaadhay oo lid ku ahaa in xayawaanku ku noolaado guri. Iskuwiilar oo loo soo diray in uu xayawaanka u caqli celiyo, mar labaad buu ku guuleystay in uu xayawaanka ka dhaadhiciyo in arrintu aanay ahayn sida ay is-moodsiiyeen. Diirkana waxa uu ka qaaday in ay lagama-maarmaan tahay in doofaarrada, oo maskaxda beerta ahi, helaan meel aan buuq lahayn oo ay ku shaqeeyaan. Waxa kale oo uu sheegay in sharafka Hoggaamiyuhu yahay in uu ku noolaado guri, halkii uu kaga noolaan lahaa xera- doofaar. Beryahan danbena waxa uu caadeystay in uu isticmaalo ereyga Hoggaamiyeheenna isaga oo u jeeda Naabooliyoon. In kasta oo Iskuwiilar si ba’an isugu deyey in uu qanciyo xayawaanka, haddana xayawaanka qaar kood baa werwerku ka dhammaan waayey, markii ay ogaadeen in waxa doofaarradu ku kaceen aanay ku koobneyn madbakhkha oo ay wax ku cunaan iyo qolka fadhdhiga oo ay isku maaweeliyaan, ee in ay ku seexdaan sariirahana. Boskar sida caadada u ahayd buu arrinta isu dhaafiyey isaga oo leh, “Jaalle Naabooliyoon yidhiyaaba, run weeye.” Koloofar oo is-tidhi, “Malaha waxa jirey shard cad oo ka xaaraantimeeyey xayawaanka in ay ku seexdaan sariiraha”, waxay aadday xerada shirarka. Toddobadii Dardaaran ee ku qornaa derbiga in ay akhrido bay kol kaas isku dayday. Hase yeelshee, markii ay kacin weydey bay u yeedhatay ridii Mureel oo ku tidhi: “Muureeley, ii akhri Dardaaranka Afraad. Dardaaran kaasi miyaanu ka hadlin in aan la oggoleyn in lagu seexdo sariir?” Muureel oo xoogaa dhib ah kala kulantay higgaada Dardaaranka baa u jawaabtay oo tidhi: “Dardaaranku waxa uu leeyahay: Xayawaanna kuma seexan karo sariir DURRAAXADO LEH.” Koloofar waxa dhabanna-hays ku noqday sida ay u xusuusan weydey DURRAAXADAHA Dardaaranka Afraad tilmaamay. Marse haddii si daasi ku qorneyd derbiga, Dardaaranka ayaa sax ahaa oo iyada ayaa gefsanayd. Iskuwiilar oo, si ay ku dhacdayba, mar kaas qudh dheeda marayey meelsha isaga oo dhawr ey ilaalinayaan, bay mar kale u suura galshay in uu arrinta u yidhaahdo sida ay ku habboon tahay; wuxuuna yidhi: “Ma waxa ii muuqda in aydin maqalsheen in aannu ku seexanno sariiraha, doofaarrada haddii aannu nahay? Oo maxaannu ugu seexan weyney? Malaha isma aydin odhan waxa jira go’aan diiddan in SARIIRAHA lagu seexdo! Sariiri wax kale ma aha ee waa meel la seexdo. Cawska xeryaha yaal ee lagu seexdaana waa sariir, dhab ahaan kolka loo eego. Go’aan kaas aydin xusuusan tihiin, DURRAAXADAHA, oo ah wax Bani-aadmi sameeyey buu diiddanaa. Si daas dar teed ayaannu isaga qaadnay duraaxadaha oo u kala dhex galnay busteyaalsha. Sariiro aad u raaxa badanna way yihiin; in kasta oo, Jaallayaal, aanay u raaxa badneyn sida aannu ugu baahan nahay raaxo, marka la eego sida baas ee beryahan danbe aannu uga shaqeysiinno maskaxda. U maleyn maayo, Jaallayaal, in aydin noo xistiyeysaan nasasha daas yar! U maleyn maayo in aydin naga dhigeysaan wax had iyo jeer daallan oo ka soo bixi waaya xil kooda! Miyeydinse rabtaan in Joonis soo laabto?” Halkii baa degdeg loogu caddeeyey Iskuwiilar in aan cidina rabin soo-laabashada Joonis. Qaadqaad la soo qaadqaado wareegga doofaarradu u wareegeen guriga Joonisna mar kaas ayaa u danbeysey. Dhawr beri markii arrin taas laga joogey ayaa lagu dhawaaqay in doofaarradu saacad hurdada kaga danbeyn doonaan xayawaanka kale. Taasna cidina kama keenin wax cabasho ah. Si daas ayaa dayrtu ku soo galshay, xayawaanka oo iska faraxsan in kasta oo ay aad u daallanaayeen. Sannadka ay soo dhaafeen waxa uu ahaa mid aad u adag; kaydka ay u ahaysteen jiilaalka soo socdey ma fara badnayn. Gabaabsi gaasna waxa ugu wacnaa sarreenka iyo cawska la gaday. Wax kastaba xayawaanku ha tabteen ee dhibaato kasta oo soo qabsatay waxa illowsiiyey heerka uu marayey dhismaha Wersheddu, kaas oo kala-badh ku dhowaaday. Beeraha dayrta baxay kolkii la goostay, waxa ku xigey maalmo badan oo hawadu aad u fiicneyd, roobna aanu da’eyn. Maalma haas ayaa xayawaanku u rafaadeen si aanay hore ugu rafaadin, iyaga oo hor iyo dib maalin oo dhan cagajiid dhagax ku daldalaya. Xayawaanku waxa ay rumeysnaayeen in rafaad koodu istaahil yahay haddii uu kor u kiciyo derbiga dhudhdhun kale. Boskarna, inta uu habeennimada baxo ayuu saacad ilaa laba saacadood oo dheeraad ah soo shaqeynayey, isaga oo ileyska dayyaxxa kaalmeysanaya. Xayawaankana waxa caado u noqday in ay ku wareegaaleystaan dhismaha, waqtiyada yar ee fakaagga ay leeyihiin, iyaga oo u bogsan laxaad kiisa iyo toosnaanta derbiya diisa, lana amankaagsan sida ay u awoodi kareen in ay dhisaan wax leh haybad daas oo kale. Xayawaanka keli ah ee iska soo taagay in uu xiise u yeelsho dhismaha, Benjamin buu ahaa. Isanagana, sida caada diisu ahayd baa lagu kari waayey in uu wax faallo ah ka bixiyo dhismaha. Faalla diisa oo dhammina waxay ku koobneyd ereyyo maldahan oo uu ku sheegay in cimriga dameeruhu aad u dheer yahay. Bilshii Noofambar baa soo galshay iyada oo wadata dabaylo laxaad leh oo ka dhacay dhinacca Koonfur-galbeed. Dhismihiina hal kiisii baa lagu hakiyey markii roobab dabaylshu waddey suura gelin waayeen in sibidhka la qaso. Ugu danbeyntiina waxa soo galay habeen duufaanku aad u laxaad weynaa, kaas oo gilgilay guryaha beerta oo seeska ka liilijiyey, dhawr hal oo marmar ahna ka soo fujiyey xerada weyneyd saqaf keeda. Digaaggiina, mar keli ah ayay ka wada oogsadeen hurdada iyaga oo cabsi la waaqwaaq leh, oo is-moodsiiyey in ay ku wada riyoonayeen rasaas laga riday meel shishe. Aroornimadii, markii xayawaanku ka soo dareereen xerya hooda ayay durba indhaha ku dhufteen birta calanka oo meel sheedii ka soo ruqday, iyo geed weynaa oo beerta tufaaxxa hoos teeda ku yiil oo xididdada loo bixiyey. Markii ku xigteyna, baroor niyad-jab iyo yididdiilo- beel ku dhan yihiin baa mid waliba madaxxa la qabsaday. Waxa hor tooda ahaa oo indha hoodu qabteen wax kaga wada argagixiyey. Dhismihii Wershedda Dabaylsha oo dekan-dekan laga yeelay bay arkeen. Iyaga oo aad mooddo in ay isu waxyoodeen ayay, mar keli ah dhug u wada yidhaahdeen bartii dhismuhu ahaa. Waxaana ugu wada horreeyey Naabooliyoon oo aan hore cidiba u arkin isaga oo socod wax ka baxsan isku deyaya. Hal kaas ayay kor joogsadeen midhihii tacab kooda oo seeska la sinmay; iyo dhagxantii ay jejebiyeen, soona daad gureeyeen oo meel kasta ku filiqsan. Cabbaarkii hore oo dhan, burburka dhagaxxa ee meel walba qubnaa ayay ku dhaygageen oo hadalba waa ka soo bixi waayey. Naabooliyoon oo qidhim laga siiyeyna hor iyo dib buu u socsocdey isaga oo hadba dhulka ursanaya oo dibka tigmay gargariirayo. Taasina waxa ay astaan u ahayd in uu aad u fekerayo, maskax diisuna aad u shaqeyneyso. Sida uu hore iyo dib ugu socsocdeey ayuu mar keli ah is-taagay sidii uu gaadhay go’aan. Qun yar isaga oo hadlayana waxa uu yidhi: “Jaallayaal, ma og tihiin cidda arrin tan ku lug leh? Mase og tihiin nacabka soo dhukusay habeennimada ee dumiyey dhisma heenna?” Jawaabba isaga oo aan sugin baa isagu isu jawaabay; cir kaas isaga oo ka qaylinayana waxa uu yidhi, “Isnoobool weeye! Isnoobool baa si dan falay, u falay si uu u hakiyo mashaariic deenna, u falay aargoosasho uu ka aar goosanayey erigii foolsha xumaa ee la eryey. Khaa’in kaas ayaa soo dhukusay isaga oo ku dhuumanaya mugdiga habeenka oo baabi’yey waxxii aynnu ku hawlshoonnay sannad iska dhan. Jaallayaal, imminka oo aynnu bar tan joogno ayaan Isnoobool ku xukumay dil. Cidda kale ee abaal kiisa marisa waxa loogu abaal gudi doonaa billadda ‘Geesiga Xayawaanka, Derejada Labaad’ iyo joonyad badhkeed oo tufaax ah. Nolol cidda ku soo qabatana, joonyadda ayaa loo dhammeyn doonaa.” Xayawaanka oo idil baa la naxdin gariiray ogaanshaha ay ogaadeen in cidiba ku kaci karto, Isnooboolna ha ahaatee, dhagar cayn kaas oo kale ah. Hal kaas ayay ciil iyo cadho isla cuneen. Mid kasta oo xayawaanka ka mid ahina halkii buu ka bilaabay in uu ka fekero tabta uu ku qaban lahaa Isnoobool, mar uun haddii uu soo laabto. Isla mar kaas ayaa laga helay meel aan si daas uga sii durugsaneyn taagga raad doofaar, kaas oo markii la sii raacay u kacay dalool ku yiil oodda, in kasta oo raadku gadmay intii aanu gaadhin daloolka. Naabooliyoon inta uu aad u ursaday raadka ayuu ku dhawaaqay in raadku yahay kii Isnoobool, isaga oo weliba raaciyey ra’yi giisa ah in Isnoobool kaga yimi dhinacca beerta Bilkinton. Raadka markii uu ka soo jeesteyna waxa uu yidhi: “Jaallayaal, waqti-lumis in taasi innoogu filan! Hawl badanina waa inna sugeysaa. Saakana waxa aynnu bilaabeynaa wershedda oo aynnu dib u yagleelno. Jiilaalku sida uu u dhan yahayna hawl shaas ayaynnu wadi doonaa, ha roobbanaato ama yaanay roobbanaane. Balanbala haas khaa’inka ahna waxa aynnu bari doonnaa in aanu si fudud u kala daadin karin waxa aynnu sameynno. Xusuusnaada, Jaallayaal, in is-beddel aanu ku dhaci doonin waxyaalaha aynnu hore u qorsheysannay, kuwaas oo aynnu ku dhammeyn doonno waqtiga aynnu u goynnay. Horuusoco Jaalle! Wershedda Dabaylshu Ha Noolaato! Beerta Xayawaankuna Ha Noolaato!” Cutubka 7aad Jiilaal aad u qadhaadh baa jiilaal kaasi noqday. Hawa diisa wadatey dabaylaha iyo roobabka, waxa ka danbeeyey beref iyo dhalaalo jabi waayey ilaa la guda gelayey bilsha Febarwari. Xayawankuna, intii karaan kooda ahayd bay wadeen dhismaha Wershedda Dabaylsha, iyaga oo aad u ogsoon in adduunka debeddu u feejig yahay. Waxay iyana ogsoonaayeen in Bani- aadmiga xinka iyo xaasidka badani ku digan doono haddii hawlshu dib uga dhacdo waqtiga loogu tala galay. Bani-aadmiga oo uga jeedey quudhsi iyo yasid, waxa ay isugu sheekeeyeen in aan Isnoobool dumin dhismaha ee uu la dumay derbiya diisa oo intii la rabey aan qara le’ekeyn. Xayawaanku, iyaga oo ogsoon in aan derbigu la dumin qara-yari, ayay haddana goosteen in ay laba laabaan dumuc diisa, kana dhigaan saddex dhudhdhun halkii uu hore ka ahaa dhudhdhun iyo badh. Taas macna heedu waxa uu ahaa iyada oo loo baahday in la soo ururiyo dhagax aad uga badan intii hore. Muddo badanna godkii baa beref ka buuxsamay oo Wax-qabashoba waa u suura geli weydey, in kasta oo ay xoogaa horumar ah sameeyeen goor danbe, markii dhulku yara engegey. Waxaase jirey in hawlshu aad u qallafsaneyd, yididdiilada xayawaanku qabeenna si deedii hore iska dhintay. Taas waxa ugu wacnaa dhaxanta iyo gaajada goor walba hayey. xayawaanka oo dhan kolka la isku kiciyona, Boskar iyo Koloofar oo keli ah ayaan niyad jabin. Iskuwiilarna hal kiisii buu la soo lignaa khudbada hiisii fiicnaa ee uu kaga hadlayey farxadda iyo sharafka ay leeyihiin hawlsha la hawlshoodaa iyo adeegista la adeegaa. Arrinta keli ah ee hammad gelineysey xayawaanka, ma ahayn khudbadaha Iskuwiilar, ee waxa ay ahayd laxaadka Boskar iyo muusannow giisa aan marna demeyn ee ahaa, “sidan si ka sii daran baan u shaqeyn doonaa!” Bilsha febarwari markii la joogey ayaa la ogaaday in cuntadu tahay gabaabsi. Taas ayaa keentay in la dhimo sedkii galleyda ee la isa siin jirey. Mar kaas qudh dheeda ayaa lagu dhawaaqay in galleyda la dhimay lagu kaabi doono baradhdho. Hase yeelshee, waxa markiiba la ogaaday in baradhdhada, oo si fiican aan loo dedini, ku xumaatay qabawgii faraha badnaa. Buushe iyo qaran wax aan ahaynina, si daas ayaanay maalmo iska dhan uga degin xayawaanka jidiin kooda. Arrintuna waxa ay u soo saansaan ekeyd in ay geftinka u saaran yihiin macaluul in ay u wada baqtiyaan. Taas oo jirtey ayaa xayawaanku ka maarmi waayey in ay runta ka shareeraan adduunka debedda. Bani-aadmiga, oo uu dhiirri geliyey dhismaha dumay waxa ay bilaabeen been cusub oo ay ka sheegaan Beerta Xayawaanka. Si daas ayay mar kale u faafiyeen in xayawaanku u le’anayaan gaajo iyo cudur; in dagaal aan demini had iyo jeer dhex joogo xayawaanka; in ay xayawaanka ka wadi weydey bahalow ay isku bahaloobaan iyo dhallaan kooda oo ay laayaan. Naabooliyoon aad buu u ogsoonaa cidhib-xumada ay yeelan karto haddii laga ogaado debedda xaaladda ay ku sugan tahay cuntada beertu. Si uu arrin taas uga hor tago ayuu ku talshaday in uu ka faai’iideysto dhexgalka uu la lahaa Waymbar, si Waymbar, isaga oo aan is-ogeyn, u faafiyo war ka soo hor jeeda dicaayadda cuntada yaraatay. In kasta oo Waymbar toddobaad kiiba mar imanayey beerta, haddana wax kulan ah oo ilaa imminka uu la yeelshay xayawaanka kale ma jirin, haddii uu jireyna aad buu u yaraa. Imminka ayaa dhawr xayawaanka ka mid ah oo la soo xulay, idona u badnaa la faray, si aan qoonsimaad lahayn in ay Waymbar ugu ridaan dhegaha in cuntada la kordhiyey. Waxa kale oo Naabooliyoon amar ku bixiyey in bakhaarradii madhnaa oo dhan laga buuxiyo did, ciid daasna lagu qariyo waxxii ka hadhsanaa cuntada. Marmarsiiyo markii uu u helayna Waymbar buu dhex mariyey bakhaarrada si Waymbar u jalleeco bakhaarrada cuntada. Si daas marka uu yeelayey, aad buu uga digtoonaa in Waymbar mar wax ka badan jalleeco bakhaarrada cuntada. Jalleecadii keli ahayd, sidii la rabey bay u sirtay Waymbar oo adduunka debedda ugu warramay in cunto-la’aani aanay jirin Beerta Xayawaanka. Si kasta Naabooliyoon ha u hufiyo Waymbar iyo ra’yiga adduunka ee markii la joogey dabayaaqada bilsha Janawari ayaa arrintu soo kartay. Waxa caddaaday in loo baahan yahay in cunto laga doonto meel kale. Beryahan danbena, Naabooliyoon waxa uu baaqi ku ahaa guriga oo irrid kasta la joojiyey ey laga baqo, oo lamaba arki kari jirin. Bixidda uu soo baxaana, waxa ay ka ahayd in uu xayawaanka dareensiiyo in uu meelsha ka dhow yahay. Mar kaas oo kalena, lix ey oo ku ciyaya ciddii u soo dhowaataba ayaa ku xeernaan jirey. Maalmaha Axadaha kay ku tahay, Naabooliyoon ma soo bixi jirin ee amarrada ayuu soo fari jirey doofaarrada mid kood, kaas oo badanaaba ahaa Iskuwiilar. Si daas waxa ay ahaatoba, aroor Axadeed ayaa Iskuwiilar ka qaaday daaha in digaagga, oo waqtigii ay dhali lahaayeen soo galay laga rabo in ay bixiyaan ukunta. sababtana waxa uu ka dhigay in Waymbar soo qabanqaabiyey, Naabooliyoonna oggolaaday, qandaraas Beerta Xayawaanka lagaga rabo in toddobaad kiiba beertu keento afar boqol oo midh oo ukun ah. Waxa uu iyana caddeeyey in lacagta ukuntu goyso lagu soo gadan doono cunto ku filnaata beerta inta xagaagu soo gelayo, waqtiguna sida uu yahay dhaamayo. Digaaggu markii ay maqleen warka, ayay baroor ka kaceen. In kasta oo hore loogu sii digey, haddana mama ma ay rumeysan in wax xaas oo kale dhaboobi karaan. Goorta la sheegey warka waxay ahayd goor ay diyaarsanayeen meelihii ay dhigi lahaayeen ukunta. In ukun tooda si daas Iooga marooriyo, aad bay uga hor tageen, iyaga oo kala mid dhigay dil loo badheedhay oo geedna aan la isugu soo toosin. Xayawaanka oo muujiya wax gadood la moodo, mar kan baa u horreysey sidii loo caydhiyey Joonis. Digaagga oo ay hor kacayaan saddex digaagadood oo madmadoobi, si baas bay isugu dayeen in ay wiiqaan Naabooliyoon ujeeddooyin kiisa. Si daas ayay u fuuleen daloollada ku yiil derbiga beerta geftin kiisa oo hal kaas ku dhaleen ukunta. Ukun tiina inta ay ka soo duluulucotay meelshii la dhigay bay dhulka ku soo bash tidhi. Sida digaaggu yeeleen kolkii Naabooliyoon arkay ayuu markiiba qaaday tallaabooyin degdeg ah oo naxariis daran. Mar kiiba amar buu ku bixiyey in digaagga laga gooyo cuntada. Sharcina waxa uu ka dhigay in xayawaanka cunto siiya digaagga, midh galley ah kay ku tahay, ciqaab tiisu noqon doonto dil. Hirgelinta amar kaana waxa loo xil saaray eyda. Shan maalmood oo iska dhan markii ay adkeysteen ayay maalin lixaaddii is-haysan kari waayeen oo is-dhiibeen. Saxaaradaha loogu tala galay in ay ku dhalaan bay mar kaas dib ugu laabteen. Muddadii gaabneyd ee ay gadoodsanaayeenna, sagaal baa ka baqtiyey. Beerta tufaaxxa ayaa sagaal koodiiba lagu aasay. Waxaana lagu fasiray in cudurka cayn kaas iyo cayn kaas ahi dilay. Taas oo ka dhacday beerta, ayaan haddana Waymbar waxba ka maqlin. Ukun tiina sidii heshiisku ahaa ayaa nin magaalada ku lahaa dukaan, ku raranayey baabuur toddobaadkiiba mar. Waxa jirtey in mudda daas oo dhan aan arag loo yeelan Isnoobool. Hase yeelshee, waxa la isla dhex marayey in uu ku dhuumanayey beeraha deris kooda ah mid kood. Waqti gaasna, xidhiidhka Naabooliyoon la lahaa beeraha kale ayaa yara dhaamey sidii uu ahaan jirey. Taas waxa ugu wacnaa qori fara badnaa oo yiil Beerta Xayawaanka qolqol keeda. Qori gaas waxa laga gooyey dhul la banneeyey muddo toban sannadood laga joogey. Qori gaas ayaa Waymbar kula taliyey Naabooliyoon in uu iibiyo. Bilkinton iyo Feredrik, mid kastiba aad buu uga doonayey dhinac ciisa in qoriga laga iibiyo. Naabooliyoonse, walaac baa dilay oo hore ayuu u gaadhi waayey go’aan. Waxaana la arkay in Naabooliyoon lagu odhanayey, “Isnoobool baa ku dhuumanaya beerta Feredrik” goorta uu is-yidhaahdo qoriga ka iibi Feredrik; goorta uu is- yidhaahdo Bilkinton ka iibina, wax loo sheegayey in Isnoobool ku dhuumanayey beerta Bilkinton. Gu’ gaas horraan tiisa ayaa xayawaanka loo sheegay war lama- filaan ku noqday oo aad u wada fajac geliyey. Waxa xayawaanka lagu yidhi “Isnoobool baa habeennimada yimaadda beerta!” War kaasina, aad buu u werwer geliyey xayawaanka ilaa ay ku ledi waayeen xerya hooda. “Habeenkii buu ku soo gabbadaa gudcurka” baa lagu yidhi, “oo falaa wax kasta oo ugu filan beerta hagardaamo iyo dibindaabyo – galleyda ayuu xadaa, caanaha ayuu af gembiyaa, ukunta ayuu jejebiyaa, dhirta midhaha laga gurto buu ka qoomaa jirridaha, abuurka soo biqlayana wuu ku joogjoogsadaa.” Beertu sida ay u dhammaydna, waxa caado u noqday in, waxxii xumaadaba, loo nisbeeyo Isnoobool. Haddii daaqadi jabto, amaba meel biyuhu maraan gufeysanto, hubaal waxa ahaa in xayawaanka mid kood odhanayey in Isnoobool yimi habeenimo oo si daas wax u kharribay. Waxa jirtey mar uu lumay fure bakhaar oo xayawaanku, sida ay u dhammaayeen, isku qanciyeen in Isnoobool ku riday ceelka. Tan la-yaabka lahaydse waxa ay ahayd in weli si daas la sii rumeysnaa in kasta oo furaha laga helay joonyad hoos teeda. Lo’diina waxay isku wada raacday in Isnoobool ku maalo hurdada inta uu u soo duso xeraya hooda marka ay hurdaan. Jiirka oo jiilaalkii tegey aad u rabshad badnaa, waxa la yidhi “Isnoobool bay meel kala soo jeedaan.” “Markii Isnoobool hadal-hayn tiisu badatay ayaa Naabooliyoon amar ku bixiyey in si buuxda loo baadho dhaqdhaqaaqqa Isnoobool. Hal kaas kagama uu hadhin, ee mar kiiba isaga oo ey diisu ilaalinayso ayuu bilaabay in uu taako-taako u soo baadho beerta. Xayawaanka kalena isaga ayay daba joogeen marka uu si daas yeelayey, in kasta oo ay ka durugsanaayeen. Dhawr tallaabo kolka uu qaadoba, sanka ayuu saarayey dhulka si uu u uriyo raadka Isnoobool, raad kaas oo sida uu sheegay, uu ku hili doono urta as uu wax urinayo. Si daas ayuu meel kasta u ursaday – xerada weyneyd ee shirarka, xeryaha lo’ada, guriga digaagga, beerta khudradda, iyo meel kasta oo beerta ahba. Meel kastana waxa uu ka sheegay in uu ka helay urta Isnoobool. Sida uu yeelayeyna waxa ay ahayd: inta uu gafuurka saaro dhulka oo dhawr jeer neefneefsado ayuu qaylo ka kacayey isaga oo leh,, “Isnoobool! Halkanna wuu joogey! Si cad baan u hayaa ur tiisa!” Magacca Isnoobool marka ay maqlaan ayaa eydu ka kacaysey reen dhiigga fadhiisiya, iyaga oo qaawinaya miciyaha iyo gowsaha. Si daas ayaa bahal baqdin ahi u galshay xayawaanka, iyaga oo is-yidhi, “Isnooboolba waa muuqlaawe si kasta idiinku ah halis oo ku dhex jira ha wada ah hareera hiinna.” Maalin taas fiid keeda ayaa Iskuwiilar oo fajac ka muuqdo weji giisa, isugu yeedhay xayawaanka. Isaga oo baalla daymoonaya oo hadba dhinac u boodaya ayuu cir kaas ka qayliyey oo xaywaanka ku yidhi: “Jaallayaal, qallad weyn baa dhacday oo Isnoobool baa is-iibiyey. Waxa uu iska iibiyey Feredrik; Feredrikna imminka dan aynnu hal kan joogno ayuu tabaabulsheynayaa sidii uu innoogu soo duuli lahaa, beer teennana u dhaci lahaa! Isnooboolna waxa uu noqon doonaa abbaanduulaha colka innagu soo duuli doona. Gadis taas uu is-gaday, iyo hor-kacidda uu soo hor kaci doono colka, waxa ka sii daran hungowga aynnu ku hungownay Isnoobool. Waxa aynnu moodeyney in sababta uu u caasiyoobey ahayd isla-weynaan iyo jeceyl uu jeclaa in uu gaadho meel sare. Hase yeelshee, Jaallayaal, waynnu wada gefsaneyn kolka aynnu si daas is-moodsiinnay. Mase og tihiin sababta runta ah ee Isnoobool u caasiyoobey? Isnoobool horraantiiba waxa uu raacsanaa Joonis oo u ahaa basaas. Waxyaala haas oo dhan waxa ka qaaday daaha war laga helay warqado uu kaga guuray meelsha oo imminka lagu dhigay gacanta. War kaas cusub, Jaallayaal, kolleyba aniga waxa uu ii caddeeyey waxyaalo badan oo iga dahsoonaa. Miyaynnaan arag sida uu isugu deyey in la innagu jebiyo oo la innagu baabi’iyo Goobtii Xerada Lo’da in kasta oo, waa cawadeennee, aanay u meel marin si daasi? Amankaag ayaa xayawaanku la kala qaadeen afka. War kan cusubina waxa uu la noqday l^haai’nnimo ka sii daran tii uu ku dumiyey dhismaha Wershedda Dabaylsha. Hase yeelshee, markii warka macna hiisu ku wada duxay xayawaanka ayay xusuusteen, sida Isnoobool u hor kacay weerar kooda; sida uu goor kasta u dhiirri gelinayey; iyo sida aanu marna u waaban, kay ku tahay markii xabbadda Joonis ka dhaawacday dhabarka. Cabbaarkii hore oo dhan, waxa xayawaanka la qallafsnaaday sida waxyaala haas ay xusuusnaayeen ula socon karaan warka cusub ee sheegay in Isnoobool la soo safnaa Joonis. Iskaba daa cid kale, ee Boskar oo dhif iyo naadir wax su’aali jirey, arrinta ayuu ku dhaka faaray. Inta uu dhinac u jiifsaday oo qoobabka soo laabtay buu indhaha isku qabtay si uu isugu duwado waxa ay la tahay. Daba deedna waxa uu yidhi: “Kolleyba anigu rumeysan kari maayo wax xaas la sheegayo. Geesinimo ayaa Isnoobool kaga dagaallamay Goobta Xerada Lo’da. Si daas in ay ahayd, aniga ayaan cidna weydiineyn oo indha hayga ayaan ku arkay. Miyaynnaanse ugu abaal gudin billadda ‘Geesiga Xayawaanka, Derejada Kowaad, markii dagaalku dhammaaday?” Iskuwiilar baa mar kaas u jawaabay oo yidhi: “Jaalle, si daasi waxay ahayd sida aynnu is- moodsiinnay. Hase yeelshee, imminka ayaynnu og nahay runtu waxay ahayd iyo sida uu isugu deyey in uu innoo hor kaco baaba’eenna. Warka oo buuxaana waxa uu ku qoran yahay warqad dan qarsoodiga ah ee aannu helnay.” Boksr oo aan ka hadhin hadalka baa hadalka ku celieyey oo yidhi, “Dhaawaccii la dhaawacayse muxuu ahaa? Miyaynnaan wada arag isaga oo dhiig ka da’ayo?” Iskuwiilar baa mar kaas qaylo ka kacay oo yidhi, “dhaawac caas aad sheegeysaaba waxa uu ka mid waxyaalaha isaga iyo Joonis ku sii heshiiyeen. Xabbadda Joonisna waynnu wada ogeyn oo dhabarka ayay ka sii xagatay. In arrintu si daas ahayd, waxa aan ku tusi lahaa qoraal ku qoran far tiisa haddii aad wax akhriyi kari lahayd. Shirqoolka lagu heshiiyeyna waxa uu ahaa in uu u seenyaaleeyo xayawaanka, si ay u cararaan goorta dagaalku u kulul yahay. Si daasna waa uu yeelay, ujeedda diisa in uu helona waa uu ku dhowaaday. Ujeedda diisaasna wuu gaadhi lahaa, baan odhan karaa, Jaallayaal, haddii aanu innoo bixin Hoggaamiya heenna geesiga ah, Jaalle Naabooliyoon. Miyaydaan xusuusneyn sida Isnoobool u carary goortii Joonis ciidan kiisu soo galeen qolqolka beerta? Miyaydaan xusuusneyn sida xayawaan badani ugu dayday oo iyana u baxsadeen? Miyaydaan xusuusneyn sida cabsidu innoo wada galshay, iyo sida aynnu guuldarraysi ugu dhowaannay, goortii Jaalle Naabooliyoon, inta uu hore u soo booday, innagu guubaabiyey muusanaw giisa ahaa ‘Ha Hoobto Bani-aadmigu’? Miyaydaanse xusuusneyn sida Jaalle Naabooliyoon qaniinyada uga buuxsaday addinka Joonis, iyo sida uu ugu aasay miciyaha? Jaallayaal, miyaynnaan si daas wada xusuusneyn?” Kolkii Iskuwiilar si daas qayyaxan u tilmaamay waxyaalihii ka dhacay goobta ayaa xayawaanku is-yidhaahdeen, “Imminka ayaydin xusuusateen oo arrintuba si daas uu u sheegay Iskuwiilar bay ahayd.” Kolleyba waxa ay xusuusteen Isnoobool oo dib u cararya goor dagaalku marayey meel qadhaadh. Boskarse, weli qoonsimaad baa ku sii jirey, qoonsimaad kaas oo uu soo ban dhigay kolkii uu yidhi: “Kolleyba anigu ka dhegeysan maayo cidna in Isnoobool horraantii ahaa khaa’in. Waxyaalihii uu ku kacay intii ka danbeysey dagaalka waa gaar. Hase yeelshee, aniga ayaan cidna weydiineyn in uu ahaa Jaalle wanaagsan markii la joogay goobta dagaalka.” Iskuwiilar oo qaylinaya baa markiiba u jawaabay oo ku yidhi, “Hoggaamiya heenna, Jaalle Naabooliyoon, ayaa caddeeyey – isaga ayaa caddeeyey Jaalle – in horraantiiba Isnoobool ahaa basaaska Joonis. Basaasnima diisuna waxa ay ku sinneyd muddo aan kacaankuba jirin, lagana fekerin.” Boskar oo ka soo degey meelshii uu haystey, baa mar kaas jawaabay oo yidhi, “Haddaan hooyaa, oo Jaalle Naabooliyoon yidhiyaaba, run weeye.” Iskuwiilarna inta uu sare u qayliyey buu ku celiyey, oo yidhi “Si daas weeye sida la rabaa, Jaalle!” Waxaana la wada dareemay in uu daymada si baas ugu gubay Boskar marka uu lahaa hadal kaas. Is-rog, oo tag markii uu is- yidhi ayaa haddana wax kale soo gocdeen. Isaga oo isu bogsanna waxa uu yidhi, “Aan idin kula taliyo in xayawaan kasti aad u furo indhaha. Sabab aannu isu nidhaahno waxa idinku dhex jira basaasiinta Isnoobool, waannu haynnaa!” Afar beri markii laga joogey digniinta Iskuwiilar bixiyey ayaa Naabooliyoon ku bixiyey amar in xayawaanka lagu soo shiriyo xeradii weyneyd ee shirarka. Goortii xayawaanku ku soo dhammaadeen xerada ayaa Naabooliyoon ka soo baxay gurigii Joonis ee uu ku noolaa, isaga oo galshan labadii billadood ee uu isa siiyey dhowaan. Laba daas billadood waxay kala ahaayeen ‘Geesiga Xayawaanka, Derejada Kowaad’, iyo ‘Geesiga Xayawaanka, Derejada Labaad’. Hareera hiisana waxa fudhuc- fudhuc lahaa sagaal kiisii ey oo reenka ka baxayey ku jebiyey jidhiidhico xayawaanka in tooda kale. Xayawaan kastiba meelshii buu rundudsady. Sida muuqateyna waxa aad moodeysey in ay hore u sii ogaayeen in wax baasi ka dhici doonaan meelsha maanta. Naabooliyoon oo u taagan si tigtigan oo jimicsanaan iyo debecsanaanbaa ka fog baa mar kaas indhaha mariyey xayawaanka ku soo shiray meelsha. In taas markii uu yeelay ayuu ka kacay dhawaaq ay haddiiba la soo boodeen ey diisu. Booddadii u horreyseyba waxay dhegaha haleeleen afar doofaar, oo ay so jiideen iyaga oo doofaarradu la cabaadayaan xanuun iyo baqdir Sidii ay u soo jiidayeen bay soo gaadhsiiyeen Naabooliyoo gonda hiisa. Eyda oo hal kaas ku dhadhdhamisay dhiigg doofaarrada, in cabbaar ah ayaa la mooday in ay waalsheen Arrinta ku reebtay dhabannahays cid kastaba waxa ay ahay markii saddex eyda ka mid ahaa ku soo haadeen Boskar. Boska markii uu arkay sida ay ugu soo haadayaan ayuu la kala baxay qoobabka. Saddexda ey mid ka mid ah oo hawada soo lalaya, buu mar kaas la haleelay qoobka oo dhulka ku xanjeeyey. Eygii oo cabaadayaana Boskar buu ka baryey in aanu dilin. Labadii ey ee kale, markii ay arkeen waxa saaxiib kood qabsaday, ayay cagaha wax ka dayeen, Labada addin ee danbe dhex dooda ayaq mid kastiba ku nabay dabada markii uu sii cararayey. Eydii soo daandaansatay markii uu si daas u kala caydhiyey, ayaa Boskar jeedaaliyey meelshii Naabooliyoon taagnaa si uu u ogaado in Naabooliyoon rabo in uu burburiyo eyga ku hoos jira qoob kiisa iyo in kale. Nabooliyoon oo aad mooddo in weji giisu doorsoomay markii uu arkay sida ey diisii loo galay, baa halkii ku siiyey Boskar amar kulul si uu u sii daayo eyga. Eyga oo nabarro qaba oo cabaad ku waalshayna si daas ayuu uga hoos baxay qoobka Boskar sare uga qaaday markii la siiyey amarka. Cabbaar daba deedna, qubtii iyo qayladii baa joogsaday. Afartii doofaarna meelshii loo soo jiiday bay weli joogeen, iyaga oo baqdin la gariiraya, dhagarqabnimona kaga dhigan tahay wejiyada. Naabooliyoon baa mar kaas afar toodiiba u wacay in ay qirtaan denbiya dooda. Afar taas doofaar waxa ay ahaayeen afartii is-hor taagay markii Naabooliyoon baabi’iyey kulannada Axadaha la isugu iman jirey. Iyaga oo aan la sii gugujin bay kolkiiba qirteen in ay xidhiidh qarsoodi ah la lahaayeen Isnoobool muddadii ka danbeysey eri giisa oo dhan. Waxa kale oo ay in taas raaciyeen in Isnoobool hoos ahaan ugu qirtay in uu weli giisba Joonis u ahaa basaas. In taasi markii ay ka soo baxday af kooda, baa markiiba eydu kala xaabisay dhuunta. Naabooliyoonna, inta uu ku soo jeestay xayawaanka oo ka kacay qaylo kaga wada argagixisay ayuu weydiiyey in ay jirto cid kale oo denbi qiraneysaa. Saddexdii digaagadood ee hor kacay gadoodka digaagga markii digaagga la weydiiyey in ay bixiyaan ukunta, ayaa mar kan hore u soo maray. Shirkiina waxa ay u caddeeyeen in ay ku riyoodeen Isnoobool oo ku guubaaninaya in ay caasiyaan amarrada Naabooliyoon. Iyagiina bartii baa qudhdha lagaga jaray. Digaagga waxa ka danbeeyey shinbir-badeed qiratay in ay xadday lix madax oo ah galleydii kal-hore la goostay, lix daas madax oo, sida ay sheegtay, ay curd jirtey habeennimada. Taas waxa ku xigey lax qiratay in ay ku kaadiday balliga laga cabbo, iyada oo caddeysay in Isnoobool ku dhiirri geliyey in ay si daas yeelsho. Laba laxaad oo kale waxa ay qirteen in ay dileen wan da’ ahaa oo si gaar ah ugu daba tukan jirey Naabooliyoon. Sida ay u dileenna waxa ay ahayd iyaga oo baacsaday wanka mar uu qabey qufac. Giddi goodba bartii baa lagu wada dilay. Qirashadii iyo dilku si daas ayay u socdeen ilaa meydku tuurmay Naabooliyoon manja hiisa, hawa diina ka buuxsantay urtii dhiigga daadtay. Erigii Joonis baana ugu danbeeyey dhiig ka ura beerta. Dilku goortii uu joogsaday, ayaa xayawaanka in toodii badbaadday oo aanay ku jirin doofaarada iyo eydu, wadajir meelshii uga luudeen iyaga oo tiiraanyeysan, aadna loo gilgilay. waxa ay saari waayeen labada arrimood ee meelsha ka dhacay tooda sii fool xumayd: Ma waxa darnaa khaa’innimada xayawaanka kala soo jeestay meel Isnoobool, mise abaalmarinta aan naxariista lahayn ee ay u ahaayeen goobjoogga? Beryihii horeba waxa jirey marmar badan oo dhiig daadan jirey, sidan ay maanta uga argagaxeen oo kalena looga argagaxi jirey. Hase yeelshee, waxa ay la noqotay xayawaanka in tan maanta dhacday bara dheereysay wax kasta oo hore u dhacay; maxaa yeelay, iyaga ayay maanta tani ka dhex dhacday. Sidii loo eryey Joonis ilaa maanta, looma soo joogin xayawaan mid kale ka jaray qudhdha. Iskaba daa cid kale, ee jiir kay ku tahay lama dilin. Xayawaanku, sidii ay u luudayeen bay gaadheen taaggii uu ka taagnaa dhismaha qabyada ahi. Iyaga oo la moodo in ay dhaxan iska dugsanayaan ayay meelshii fadhiisteen. Xayawaanka hal kaas fadhiistay waxay ahaayeen Koloofar, Mureel, Banjamin, lo’da, idaha iyo xaymo dhan oo digaag iyo shinbir-badeed ah. Bisadda oo keli ah ayaa maqneyd. Iyadana muuq qeedii baa la waayey goortii Naabooliyoon soo shiriyey xayawaanka. Markii la fadhiisteyna, cabbaar iska dhan ayaa cidina juuq iyo jaaq midna odhan weydey. Boskar keli giis ayaa sara joogey. Isaguna hor iyo dib buu u socsocdey oo sayn tiisa dheer la dhacayey sararaha. Marmarka qaar koodna waxa Boskar ka fakanayey dhawaaq u- qaadasho-waa ka keenay. Fekeraadda uu fekerayey murti deediina waxay noqotay waxxii uu la yeedhay markii uu yidhi: “Waan garan la’ahay meelsha ay innagaga dhacday qasuumadu. Mana aan rumeysteen baddii la igu yidhaahdo Beerta Xayawaanka ayaa wax xaas oo kale ka dhaceen. Hase yeelshee, indha hayga ayaan ku arkay. Sida ay aniga ila tahay, innaga ayaa keensannay gefka, oo qalladda u sabab ah. Dawa deeduna, sida aan u arko, waa innaga oo u hawl galna sida aynnu u hawl galno si ka daran. Maanta waxxii ka danbeeyana, saacad buuxda ayaan ka hor toosi doonaa xayawaanka kale.” In taas markii uu yidhi buu meelshii ka faaqsaday oo u sii kadleeyey godka dhagaxxa, hal kaas oo uu ka ururiyey laba rar oo dhagax ah. Labada rama waxa uu u jiiday meelshii dhismuhu ahaa, intii aanu hoyan. Xayawaanka kalese, waxa ay dugsadeen Koloofar iyaga oo aan yeedhyeedhin. Taag gaas ay fadhfadhiyeen waxa ay ka arki karayeen dhulka ballaadhan ee ahaa hareera hooda. Beerta Xayawaanka badi deeduna waa u muuqatey: xeryaha daaqqa ee ku sinnaa dhabbada weyn, kuwa cawsku ka baxayey, balliga laga cabbayey, beeraha la qoday ee sarreenka cagaaran ee curdinka ahi ku yiil, iyo guryaha beerta ee oogada casaa, qiiqquna ka baxayey, intuba qumaati bay ugu muuqdeen. Galab taasina waxa ay ahayd galab la joogo gu’, hase yeelshee, aan cirku lahayn caad. Fallaadhaha qorraxduna midab dahab bay u yeeleen daaqqa iyo oodaha caleemeystey. Loomana soo joogin xayawaanka oo ujanta beer tooda sida ay maanta u jamanayeen, la-yaabna waxa la noqday gocasha daas ay soo gocdeen in waxaba iyagu iska leeyihiin, taako kasta oo beerta ahina in ay tahay yed dooda. Koloofar baa mar kaas jeedaalisay aroorka ahaa hoos tooda, iyada oo ilmo kaga soo taagtaagan tahay indhaha. Fladdii ay sheegi kari lahayd waxa ku wareegayey maskax deeda, waxa ay sheegi lahayd in waxa maanta dhacay, aanu sina ula socon ujeeddadii iyo yididdiiladii ay lahaayeen beri hore oo imminka laga joogo sannado, beri gas oo ay meel dhigteen in ay u hawl galaan Bani- aadmiga afgembi giisa; waxa ay sheegi lahayd in waxyaalaha ay aragtay ee argagaxxa iyo gawracca ahi aanay ahayn himilooyinkii ay lahaayeen habeenkii Duqqa Mijir ku guubaabiyey, in ay kacaamaan; waxa ay sheegi lahayd, in haddiiba uu jirey sawir maskax deeda ku sameysmay oo ay ka haysatey aayatin koodu sida uu noqon doono, in sawir kaasi ahaa mid muujinayey bulsho xayawaan ah oo ka xorowday macaluul iyo karbaash, sinnaatay, bulsho koodii waliba shaqeeyo inta tamar tiisu tahay, bulsho kooda xoogga weyni ilaaliyo kan taagta daran, sidii iyaduba u illaalisay xayntii ahayd dhallaanka shinbir-badeedda, habeenkii Duqqa Mijir jeediyey hadal kiisa; waxa ay sheegi lahayd, hal kaas oo ay gaadhaan iska daa, ee in ay gaadheen waqti, ey bahalo ah oo gurxamayaa meel la arko ku meereysteen; waqti ay cid kasta sandulle ku noqotay in ay daawadaan Jaallayaal shooda oo xubin-xubin hor tooda loogu jarjarayo markii ay qirteen denbiyo xil leh. Hana moodin in ay ku jireen Koloofar kacaannimo danbe iyo dhiidhdhi mid koodna, marka ay u fekereysey si daas. Waxa ay la ahayd in xaalku weli dhaamey sidii uu ku sugnaan jirey waagii Joonis. Aadna waxa ugu caddaa baahida loo qabo in Bani- aadmiga laga eryo beerta, taas oo mudan in wax kasta laga horreysiiyo. Si kasta wax ha u dhaceen, ee Koloofar haddii ay tahay, daacad bay noqon doontaa, sida ay imminka u hawl galsho si ka sii daran bay u hawl geli doontaa, amarrada la siiyo “hayye” bay odhan doontaa, madaxtinnimada Naabooliyoonna “weligaa hay” bay odhan doontaa. In kasta oo Koloofar ku nidar galshay si daas, haddana waxa ay ogsooneyd in tabaalaha dhacay ka soo hor jeedey yididdiilada ay lahaayeen iyo ujeedooyinka ay u rafaadeen. In kasta oo ay si daas ku nidar galshay, haddana waxay ogsooneyd in aanay dhiseen Wershedda Dabaylsha, in aanay ka hor tageen rasaasta Joonis, haddii ay ogaan lahaayeen in arrintu isu rogi doonto sida ay tahay maanta. Fekradaha ku soo dhacay geenyada Koloofar goortii xayawaanka kale iyada soo bideen dugsi iyo dhiirrigelin si daas ayay ahaayeen, in kasta oo ay iska weydey ereyyo ay fekrada heeda ku caddeyso. Si daas ayaa Koloofar u bilowday heesta ‘Iglan Xoola heedow’ iyada oo is-leh ku buuxi meelsha aad u weydey hadalka. Xayawaankii ku xoonsanaana, heestii bay qun yar, saddex jeer/ si macaan oo tiiraanyo ku dhan tahay, u dhammeeyeen, iyaga oo u heesay si aan hore loogu heesin. Mar-saddexaadka kolkii ay dhammeeyeen ayaa Iskuwiilar oo laba ey ilaalinayaan yimi, isaga oo is-neefinaya sidii uu sido war qaaya leh. Warka uu meelsha kaga dhawaaqay waxa uu noqday in sharci gaar ah oo ka soo baxay Jaalle Naabooliyoon lagu xaaraantimeeyey heesta ‘Iglan Xoola heedow’. Xayawaanku, sida ay u dhammaayeen, way naxdin gariireen. Rida Muureel oo yaabsan baa mar kaas weydiisay oo tidhi: “Oo heestana maxaa loo sheegtay?” Iskuwiilar oo si naxariis daran ugu jawaabayeyna waxa uu yidhi, “Dib baan loogu baahneyn heesta, Jaalle. Heesta ‘Iglan Xoola heedow’ waxa ay ahayd hees kacaannimo. Kacaan kiina waa hir galay. Dilkii galabta la dilay khaa’imiinta ayaa gebageba diisu ahayd. Nacabkii debedda iyo kii gudahaba waa la jebiyey. Hees taas waxa aynnu ku caddayneyney rabitaanka aynnu rabney bulsho ka sidata tii hore. Bulsha daas iyada ahna waa la gaadhay, dhidibbadana loo aasay. Haddaba, miyaanay caddayn in ay baaba’day ujeeddadii heestu?” Waxaaba la arkaa in xayawaanka qaar kood diidi lahaayeen sharciga cusub in kasta oo ay aad u cabsoonayeen. Hase yeelshee, isla mar kaas ayaa idihii isugu jiibiyeen bacaacdii u ahayd caadada “Samaa Afar Lugood, Xumaa Laba Lugood”, taas oo dooddii ku xidhdhay meel sheeda markii ay dhawr jeer ku celceliyeen. Si daas ayaan beerta dib loogu maqlin heesta ‘Iglan Xoola heedow’. Hal keediina waxa la geliyey hees uu tiriyey doofaarka Minimas ee gabayyaaga ahaa, hees taas oo ku bilaabmeysey: Xoolaha beertoodow, Xoolaha beertoodow, Xaasha weeye anigoo, Xumo kuu hor seedee! Hees taas ayaa la qaadi jirey aroor kasta oo Axad ah goorta calanka la saaro. Xayawaan kiise waxay la noqotay in heesta cusub midha heeda iyo cod keeda, mid koodna aan sina loo barbar dhigi karin midhaha iyo codka heesta “Iglan Xoola heedow’. Cutubka 8aad Dhawr maalmood markii laga joogey dilka ka dhacay beerta, argagaxxii dilka abuurayna yara demey, ayaa xayawaanka qaar kood xusuusteen – amaba, is-moodsiiyeen in ay xusuusnaayeen, in Dardaaranka Lixaad dhigayey ‘In xayawaanna aanu dili karin xayawaan kale’. In kasta oo mid koodna ku dhaci waayey in uu faalleeyo arrin taas isaga oo doofaarrada ama eydu maqlayaan, haddana xayawaanka waxay la noqotay in dilka dhacay ka soo hor jeedey waxxii Dardaaranka Lixaad faray. Koloofar baa mar kaas ka bariday Bejamin in uu u akhriyo Dardaaranka Lixaad. Goortii Benjamin u sheegay caada diisa ah in waxyaala haas oo kale aanu la gelin faraha, ayay kaxaysatay ridii Muureel. Muureel baa hal kaas ugu akhriday Dardaaranka Lixaad. Ereyyada meelsha ku qornaa ee ay u akhridayna waxa ay ahaayeen, “Xayawaanna kuma dili karo mid kale SABAB LA’AAN.” Si ay ku noqotayba, labada erey ee danbe ayaan xayawaanku qaban oo maskax dooda gelin. Koloofar haddii ay tahayna, imminka ayay aragtay in aan cidina burin dardaaranka. Sida Dardaaranku yidhina, sabab lagu dilo khaai’miin taas la soo saftay Isnoobool, oo cid kasta deeqda, baa jirtey. Sannad kaas oo idil xayawaanku waxa ay u hawl galeen si bara dheereysay hawlgal koodii sannadka tegey. Hawl aad u qallafsanna waxa ku noqday dhismaha Wershedda Dabaylsha ee ay rabeen in ay laba jibbaaraan dhumucda derbiya diisa, waqtiga loo gooyeyna ku dhammeeyaan. Hawlaha beerta ee joogtada ahaana, sidii bay u barbar socdeen. Si daas dar teed bay marmarka qaar kood la noqoneysey xayawaanka in ay shaqeeyaan saacado ka fara badan kuwii ay shaqeyn jireen waagii Joonis, iyaga oo cuna cunto aan ka sidan tii ay hore u cuni jireen. Aroor kasta oo Axad ahna Iskuwiilar baa, inta uu warqad dheer ku qabsado raafka, u akhriyi jirey sida uu u laba laabmay tacabka beeruhu, u saddex laabmay, amaba, shan jeer ku soo laabmay in tii uu ahaan jirey. Tirooyin kaas Iskuwiilar akhriyayna ma jirin, gaar ahaan imminka oo si wanaagsanba aanay u xusuusneyn xaalku sida uu ahaan jirey. Waxaase jirey maalmo badan oo tirooyinka laba laabmaya ama saddex laabmaya, ay ka jeclaan lahaayeen cuntada oo la yara kordhiyo. Amarrada ka soo fula Naabooliyoon waxa beryahan danbe loo soo dhiibayey Iskuwiilar ama doofaarrada kale mid kood. Naabooliyoonse, dhif iyo naadir baa lagu arki jirey meelaha xayawaanku ku kulmo. Labadii toddobaad, in mar la arko iyo in kale ayay ka dhexeysey. Goorta uu soo baxona, ey diisa oo keli ahi uma raxraxlayn jirin ee waxa ka soo horreyn jirey diig madow oo hawl shiisu ahayd in uu sii naadiyo imaatinka Naabooliyoon. ‘Kokokookoo’ marka uu kor ugu dhawaaqo, waxa ay u ahayd astaan in Naabooliyoon maaggan yahay hadal. Waxa iyana la ogaaday, in Naabooliyoon, guriga guda hiisana ka goonni yahay doofaarrada kale oo meel ka gaar ah u hoydo, goonnina u cunteeyo isaga oo laba ey u qabbaanayaan. Weelka uu ku cunteynayeyna waxa uu ahaa mid sannad kiiba mar reer Joonis ku cunteyn jireen; inta kalena daawasho meel loo dhigi jirey. Berya haas ayaa iyana lagu dhawaaqay in qoriga la ridi doono sannadguurada maalintii uu dhalshay Naabooliyoon iyo labadii jeer ee hore loo guddoomiyey. Waxa iyana beryahan danbe jirtey in kolka laga hadlayo Naabooliyoon, aan loogu yeedheyn magac ciisa oo keli ah, ee mar kasta si rasmi ah, loogu yeedhayey ‘Hoggaamiye heenna, Jaalle Naabooliyoon’. Doofaarraduna waxa ay jecleysteen in ay u soo saaraan magacyo kale oo ay ka mid ahaayeen ‘Aabbaha Xayawaanka’, ‘Cabsida Bani-aadmiga’, ‘Ilaaliyaha Xerada Idaha’, ‘Saaxiibka dhallaanka shinbir-badeedda’ iyo waxyaalo kale oo jaad kaas ah. Iskuwiilar oo dhabannada ilmo ka tililiq leeday, khudbada hiisa ayuu kaga hadli jirey murtibadnida Naabooliyoon, calool-fiyoobaan tiisa, iyo jeceylka qotada dheer ee uu u hayo xayawaan oo idil meel kastaba ha joogeene, gaar ahaanna kuwa weli ku nool jaahilnimada iyo addoonsiga beeraha kale. Beertiina waxa caado u noqotay in Naabooliyoon loo nisbeeyo wax kasta oo lagu guuleysto, ama, ayyaan-wanaag ku yimaadda. Marar badanna waxaaba la maqlayey digaagad ku leh mid kale, ‘Hoggaamiye heenna Jaalle Naabooliyoon baa ii hor seeday in lix maalmood oo isku xiga aan dhalo shan hal oo ukun ah’, amaba laba sac oo balliga ka cabbaya, iyaga oo amankaag muujinayana isku leh, “Caynaanka Jaalle Naabooliyoon hayo baa ugu wacan ee Alla biyuhu macaanaa.” Xaalka beertu sida uu maalin taas ahaa waxa si fiican u tilmaamay gabay Minimas tiriyey. Gabayga magac ciisu waxa uu ahaa “Jaalle Naabooliyoon”, midhaha hiisuna waxa ay ahaayeen: Naabooliyoon haddaad tahay, Naseexxii agoontee, ka ilaalshey nacabkow, Naas aan gudheynoo, farxad nagu dhammeeyow, Nabarkaan ku eegoba Naf taydu waxay la ololshaa, Qorraxna u nisbeeyaa, Nuurka araga haagaas, Nasashadu u hoyatee, Miyirku ku negaadee, Nin kastoo miliilica, Niyad doodaay faraaniyo, Naar si deed u taabtee. Jaalle Naabooliyoonow! Xayawaan haddaan nahay, Nolol taan u jecel nahay, adaa nagu manneystoo. Nahaar kiiba laba jeer, noo buuxshey ubucdoo, Caws kan u nadiif badan, gogolsha nooga dhigayoo, Nis-yariyo nis-weyneba, adaa nabad ku seexshee. Naalleeya haygii, korka naga ilaalshow, Jaalle Naabooliyoonow! Naabooliyoon, haddaan dhalo, Nasib kay i siiyoba, Nuunuuga doofaar, naasku u macaan yahay, Waxan kuugu nidar galay, isagoon nis weynaan, ‘Nacam’ kugu yidhaahdoo, Kuu dhega nuglaadee. Hadal kolkuu niyeeyona, Niiqda u horreysiyo, hadaaq qiisu inuu noqon: ‘Jaalle Naabooliyoonow!’ Naabooliyoon mar kiiba gabaygii buu oggolaaday, amarna waxa uu ku bixiyey in lagu qoro derbi ka soo hor jeedey meelsha ay ku qornaayeen Toddobada Dardaaran. Gabayga dul shiisana waxa la sudhay sawir Naabooliyoon lahaa oo Iskuwiilar ku sawiray rini cad. Waxyaala haasi inta ay ka dhacayeen beerta, waxa barbar socdey wada-hadal xeel dheer oo dhex marayey Naabooliyoon iyo labada nin ee kala lahaa labada beerood ee Beerta Xayawaanku la ahayd deriska. Naabooliyoon waxa af-hayeen u ahaa wakiil kiisa Waymbar. Feredrik iyo Bilkinton midba dhinac ciisa ayuu ka socdey. Arrinta laga xaajoonayeyna waxa ay ahayd qoriga yiil beerta oo weli aan la iibin. Laba doodana, Feredrik baa aad u sii rabey in uu iibsado qoriga, hase yeelshee, qiimaha uu ku doonayey baan ahayn mid la yeeli karo. Taas oo jirtey ayaa la isla dhex marayey in Feredrik iyo ciidan kiisu ku talshadeen in ay ku soo duulaan beerta Xayawaanka, dismahaha Wershedda Dabaylshana dumiyaan. Sida la ogaana, Feredrik aad buu uga baqayey in dhismuhu dhammaado oo hir galo. Waxa iyana la ogsoonaa in Isnoobool weli ku dhuumanayey beerta Feredrik. Arrinta oo si daas ah oo xagaa badhtama hiisa la joogo ayaa xayawaanku la fajaceen markii loogu warramay in saddex digaagadood is-kooda u soo baxeen oo qirteen in ay ka qayb galeen shir qool la doonayey in Naabooliyoon lagu dilo. Sida la sheegay, Isnoobool baa digaagga ku dhiirri geliyey in ay yeelaan si daas. Saddex doodiiba halkii baa qudhdha lagaga gooyey. Isla markiina waxa la qaaday tallaabooyin hor leh oo ku lug leh nabadgelyada Naabooliyoon. Afar ey oo habeenkii marka uu hurdo ilaaliya Naabooliyoon waxa la kala taagay sariir tiisa afar teeda gees. Doofaar yar oo Binkay lagu magcaabi jireyna waxa lagu qaybiyey in uu ka sii dhadhdhamiyo Naabooliyoon cuntada si uu u hubiyo in aanay sumeysnayn. Isla waqti gaas ayaa lagu dhawaaqay in la dhammeeyey arrinta qoriga, oo qoriga laga gadi doono Bilkinton. Weliba waxa in taas weheliyey iyada oo la caddeeyey in Beerta Xayawaanka iyo Beerta Bilkinton wada geli doonaan heshiis ay isku dhaafsadaan waxyaalaha labada beerood ka baxa. xidhiidh kaas la sheegay in uu dhex mari doono Naabooliyoon iyo Bilkinton waxa uu ku dhowaa xidhiidh saaxiibtinimo, in kasta oo laba doodu mania aanay kulrnin ee Waymbar dhexdhexaad ahaa. XayawaankiiNc waxay ka qabeen Bilkinton aammin-daro weyn oo guud ahaanha Bani-aadmi oo dhan ay ka qabeen. Hase yeelshee, haddii ay u soo joogsato isaga iyo Feredrik, isaga ayay door bidi lahaayeon. Si daas waxa ugu wacnaa cabsida weyn ee ay ka qabeen Feredrik iyo neceybka faraha badan ee ay u hayeen. Xagaagu kolkii uu sii gurmay, dhismaha Wershedda Dabaylshuna ku dhowaaday dhammaystir, ayay sii xoogsatay dicaayaddii sheegeysey in Feredrik iyo col uu wadto oo labaatan nin ahi soo weerari doonaan Beerta Xayawaanka. Dicaayaddu weliba waxa ay in taas raacisay in Feredrik durba sii laaluushay garsooraha maxkamadda iyo bileyskaba si aan loo sii baadhbaadhin arrinta haddii mar uun mulkiyaddaa beertu gacanta u soo galsho. Arrinta duullimaadka waxa weliba bara dheereeyey wararka ka imanayey beerta Feredrik ee ka warramayey naxariis-darrida Feredrik kula kaco xayawaan kiisa “Faras gaboobay buu nafta ka gooyey, sidii uu ugu wadey ul’, baa la yidhi. “Lo’dii baa u baqtiday macaluul”, baa la yidhi. “Ey nool buu ku riday muufo”, baa la yidhi. “Caweysinkii buu isku maaweeliyaa dagaalka ka dhex dhaca laba diig oo uu isku diray inta uu mid walba afka ugu xidhay makiinad”, baa la yidhi. Naxariis-darri daas lagula dhaqmay Jaallayaal shooda, markii xayawaanku maqleen, ayaa dhiig goodu la karay ciil iyo cadho. Dhawr jeerna waxayba la buuqeen in lagu fasaxo Feredrik iyo beer tiisa si ay beerta gebi geedaba u mariyaan cagta, Bani- aadmiga hal kaas jooga u eryaan, xayawaankana u xoreeyaan. Hase yeelshee, Iskuwiilar baa u caqli celiyey oo kula taliyey in ay had iyo jeer ka digtoonaadaan talooyinka aan laga fiirsan, mar walbana ku kalsoonaadaan tabaha Jaalle Naabooliyoon maaggan yahay. Wax kasta Iskuwiilar ha ku hadlee, waxa cir kaas maray neceybka xayawaanku u hayey Feredrik. Si daas ayaa Naabooliyoon subax Axadeed u yimi xerada lagu kulmi jirey si uu u faalleeyo arrin taas. Shirkii waxa uu ka caddeeyey in marna aanay soo gelin maskax diisa in uu Feredrik ka iibiyo qoriga, macaamilona la yeelsho tuug gaas oo kale. Qoolleyda oo weli loo dhiibayey dhanbaallada kacaanka, waxa laga xaaraantimeeyey in ay cag dhigaan beerta Bilkinton. Hal qabsi gooda ahaa ‘Bani-aadmigu Ha Dhintona’, waxa lagu yidhi ku beddela ‘Feredrik Ha Dhinto’. Xagaa gaas qudh dhiisa ayay soo if baxday mid ka mid ah luggooyooyinkii Isnoobool, mar kaas oo la arkay sarreenka soo biqlay oo haramo ka dhex buuxdo. Hal kaas ayaa lagu ogaaday in Isnoobool habeen u soo dusay beerta oo abuurka sarreenka ku dhex daray iniin haramo. Shinbir-badeedda mid ka mid ah oo la yidhi Isnoobool bay kula jirtey arrinta, waxa la yidhi inta ay denbi geeda u qiratay Iskuwiilar bay leqday midho sun ah. Xayawaankana mar kaas ayaa loo sheegay in Isnoobool abid kiisba aan la siin billadda ‘Geesiga Xayawaanka, Derejada Kowaad’ sida ay is-moodsiiyeen; iyada oo weliba loo raaciyey in is-moodsiin taasi ka soo abuurantay sheeko aan sal lahayn oo isaga qudh dhiisu faafsaday. Iskaba daa billad la siiyey, baa la yidhi, ee waxa aad loogu ceebeeyey, laguna canaantay fuleynimadii uu ka muujiyey goobta. Xayawaankiina si daas ayay mar kale u dhegeysteen war ka dhaka faariyey. Hase yeelshee, Iskuwiilar baa arrin taas ka qanciyey, una sheegay in sida ay wax u xusuusnaayeen aanay ahayn sidii runtu ahayd. Dayrtu kolkii ay soo galshay ayaa la dhammays tiray dhismaha Wershedda Dabaylsha, mar kaas oo laxaad xoog leh la dul dhigay, iyada oo weliba goynta beeruhu barbar socotey. Makiinadihii la dhigi lahaa dhismaha lama keenin oo Waymbar baa weli ka xaajoonayey siyaalihii loo soo gadan lahaa. In kasta oo si daas wax u kala dhinnaayeen; in kasta oo dhibaatooyin badani ka hor yimaadeen xayawaanka; in kasta oo waaya-aragnimo aanay u lahayn siyaalaha wax loo dhiso; in kasta oo qalabka ay isticmaalayeen ahaa mid laga baxay; in kasta oo dhawr jeer nasiib- darro ku dhacday; in kasta oo khaa’innimada Isnoobool weli meel sheedii ahayd; in kasta oo waxyaala haas oo dhammi jireen, haddana dhismaha waxay ku dhammeeyeen waqtigii loogu tala galay, iyaga oo aan dib ula dhacin maalin keli ah. Kaxba ha ahaadeen ee haddana aad bay isula han weynaayeen. Iyaga oo faraxsan bay kol kaas ku meereysteen sheygaas farshaxannimadu ku dhan tahay ee ay ku sameeyeen karti dooda. Waxay la noqotay in kani ka qurux badan yahay kii hore looga dumiyey. Quruxda waxa u sii dheeraa derbiya diisa oo dhumuc doodu ku laba laabmeysey kii hore. Xoog inta derbiya daasi ka qabeen, miino wax aan ahayni ma dumin kareyn. Dib markii ay u gocdeen rafaadka iyo niyadjabka soo qabsaday, markii ay ka fekereen sida weyn ee wax isaga beddeli doonaan nolol shooda goorta marawaxadaha la sudho, daynabadana la saaro; mar kaas ayaa daalkii hayey ka tegey oo ay riyaaq iyo rayrayn dhismihii “Guulalle” kula wareegaaleysteen. Naabooliyoon oo ey diisu kaga jiraan hareeraha, diig giisiina hor socdo, baa soo booqday dhismaha si uu u arko hawlsha la dhammeeyey. Hal kaas ayuu xayawaanka ugu hambalyeeyey guul shaas la gaadhay. Dhismihiina, isaga ayaa isugu magac daray oo u bixiyey “Wershedda Naabooliyoon.” Laba dharaarood markii laga joogey dhammeystirka dhismaha ayaa xayawaanka loogu yeedhay shir degdeg ah. Shir kaas ayaa loogu sheegay in Naabooliyoon ka iibiyey Feredrik qoriga. Xayawaankiina dhabannahays £>aa ka soo hadhay goortii ay maqleen warka. Waxa iyana meelshii loogu sheegay in gawaadhida Feredrik iman doonaan beerta si ay qoriga u daldalaan. Hal kaas waxa ka caddaaday in Naabooliyoon la lahaa Feredrik heshiis qarsoodi ah muddadii uu tusayey Bilkinton saaxiibtinimada been-beenta ah oo dhan. Xidhiidhkii lala lahaa Bilkinton, hal kaas ayuu ku go’ay. Waxaana la is-weydaarsaday dhanbaallo cay ah. Qoolley diina waxa la faray in ay ka fogaadaan beerta Feredrik oo halqabsi goodii ahaa ‘ Feredrik Ha Dhinto’ ku beddelaan ‘Bilkinton Ha Dhinto’. Mar kaas qudh dheeda ayaa Naabooliyoon xayawaanka ka raariday in aan waxba ka jirin duullimaadkii la sheegayey; sheekooyinka ahaa in Feredrik kula kacay xayawaan kiisa naxariis-darro, in ay ahaayeen kuwo si baas loo balballaadhiyey oo laga yaabo in Isnoobool lahaa asaas kooda. Sida wax loo wadey, waxaadba moodeysey in imminkana xayawaanka lagu lahaa, Isnoobool abid kiisba kuma dhuuman, cagna ma uu dhigin beerta Feredrik ee waxa uu weli giisba ku dhuumanayey beerta Bilkinton, hal kaas oo xaq-hawl-gabeen uu ka qaadto, raaxona ku nool yahay. Doofaarradii, iyagu aad bay ugu bogeen dabbaal joogtada Naabooliyoon oo waxa ay yidhaahdeen, “Saaxiibtinimada iska- yeel-yeelka ahayd ee uu tusay Bilkinton baa ku dirqiday Feredrik in uu laba iyo toban gini ku kordhiyo in tii uu hore qoriga ugu baayacay.” Iskuwiilar oo arrin taas ka faalloonayeyna waxa uu yidhi: “In maskaxda Naabooliyoon mid kasta ka sarreyso waxa ku tusaya sida aanu cidna u aamminin, Feredrik kay ku tahay. Waayo, goortii Feredrik jecleystay in qoriga lacag tiisa uu ku bixiyo wax la yidhaahdo ‘Jeeg’, kaas oo sida la og yahay ah warqad ballan qaadeysa in la bixiyo lacagta ku qoran, Naabooliyoon waa diiday. Isaga oo ah mid aan la dagi karin, ayuu ku adkeystay in qoriga lacag tiisa lagu siiyo noodhadh dhab ah oo shan-shan gini ah, lana bixiyo inta aan qoriga laga qaadin meel shiisa. Iskuwiilar waxa uu in taas ku daray in Feredrik durba bixiyey lacagta, lacagtuna ku filan tahay makiinadaha Wershedda Dabaylsha. Qorigii oo mar kaas la kala iibsaday ayaa Feredrik durba bilaabay in uu qoriga u gurto si dhakhso ah. Qoriga Daldalis tiisa markii la dhammeeyey, ayaa xayawaanka loo qabtay shir gaar ah si ay u arkaan noodhadhka Feredrik bixiyey. Naabooliyoon oo dhoollaha ka qoslayaana waxa uu ku soo fadhiistay sariir ka samaysnayd caws oo rakada tiil, isaga oo ku shaqlan laba diisa billadood. Hareer tiisana waxa tiil lacagtii oo inta si fiican loo soo raseeyey, lagu soo riday maddiibado dhoobo ah. Xayawaankiina, saf is-daba-joog ah bay soo galeen si ay lacagta uga dayma sugtaan. Boskar inta uu sanka u soo dhoweeyey maddiibadaha oo is-yidhi urso, ayuu neef kaga jababacsiiyey noodhadhkii tuurnaa meelsha. Saddex beri kolkii laga joogey maalinta la gaday qoriga ayaa durba ‘hayyaay, waa wareey’ soo yeedhdhay. Waymbar oo midab doorsoomay ayaa soo qabsaday dhabbadii guriga, isaga oo kaga haadinaya baaskiilkii. Irriddii guriga markii uu marayey ayuu dhinac u keynaaniyey baaskiilka oo daf yidhi guriga. Cabbaar yar daba deedna waxa guriga laga maqlay qaylo la mergatay ciil iyo cadho oo ka soo baxday qaybtii Naabooliyoon ka degganaa guriga. Isla markiina warkii baa sidii dab oo kale ugu fiday beerta, war kaas oo ahaa in lacagta laga bixiyey qoriga ahayd mid beenbeen ah! Feredrikna qorigii buu ku qaadtay bilaash! Mar kaas ayaa Naabooliyoon soo shiriyey xayawaanka. Cod kaga wada argagixiyena waxa uu ugu sheegay in uu dil ku xukumey Feredrik, isaga oo weliba nololsha lagu karin doono goorta la qabto. Xayawaankana bartii buu uga digay in khaa’innima daas Feredrik ku kacay u noqon karto horseed waxyaalo kale oo ka sii daran, lana arko in Feredrik iyo ciidan kiisu goor aan sii dheereyn, oodda ka soo qaadaan weerar koodii la filayey muddada dheer. Si daas dar teed ayaa ilaalo loo dhigay meelaha laga soo geli karayey beerta oo dhan. Afar qoolleyna waxa loo diray Bilkinton, iyaga oo sida dhanbaal ka hadlaya heshiis iyo xidhiidh wanaagsan oo dhex mara labada beerood. Maalin taas maalintii ku xigtey aroornima deedii, ayaa oodda laga soo qaaday weerarkii la filayey. Xayawaanku quraac bay u wada fadhdhiyeen goorta la soo sheegay in Feredrik iyo ciidanka uu wadtey ee duullimaadka ahaa, durba soo dhaafeen irridda weyneyd ee beerta. Xayawaankii oo xiniinyo isku boorayaana hal kaas ayay kaga hor tageen colka. Flase yeelshee, mar kan uma ay guuleysan sidii fududeyd ee ay ugu guuleysteen Goobtii Xerada Lo’da. Colka ay mar kan ka hor tageenna waxa uu ka koobnaa shan iyo toban nin oo lix dabley yihiin. Kuwaas ayaa xayawaanka ku furay rasaas markii ay konton tallaabo u soo jireen, rasaas taas oo xayawaanku u adkeysan kari waayeen sanqadh dheeda iyo xanafta falfalliidh keeda. Guubaabadii Naabooliyoon iyo Boskama waxba waa ka tari waayeen. Hal kaas ayaa xayawaanka dib loo jebiyey, iyada oo qaar kood gaadheen dhaawacyo. Gurigii doofaarradu ku noolaayeen bay mar kaas isku shubeen oo nabadgelyo bideen, daloolla diisana wax ka soo eegeen. Beeraha daaqqa iyo dhismaha Wershedda Dabaylshuba nacanbkii bay u galeen gacanta. Xayawaanka in tooda kale iskaba daa ee Naabooliyoon qudh dhiisana waxa ku dhacay dhaka-faar uu la garan waayey si uu yeelo. Socsocod uu hor iyo dib u socsocdo baa ka soo hadhay, isaga oo juuqna aan odhan, dibkuna tigmay oo hadba dhinac u gariirayo. Yididdiilada keli ah ee imminka ay qabeen waxa ay ahayd Bilkinton oo u soo ciidamiya. Mar kaas qudh dheeda ayay soo laabteen afartii qoolley ee hore loo diray, iyaga oo mid ka mid ahi siddo dhanbaal uu soo diray Bilkinton. Dhanbaal kiina waxa uu noqday, “Baga. Waxa kugu dhacay waad Istaahilshaa.” Farrin taas marka la akhriyayey, Feredrik iyo ciidan kiisu waxa ay hareera taagnaayeen Dhismaha Wershedda Dabaylsha. Xayawaankuna waxay la raacayeen indhaha wax kasta oo meelsha ka socdey. Markii ay arkeen laba nin oo soo qaadtay sabarad iyo dubbe ay moodeen in nimanku ku duminayaan dhismaha, ayay ka wada kaceen baroor niyad-jab iyo yididdiilo- beel ka keeneen. Naabooliyoon baa mar kaas isla booday isaga oo cir kaas ka qaylinaya oo leh: “U Suura Geli Meyso in ay si daas ku dumiyaan derbiga, sababta oo ah derbiyada aynnu dhisnay baa ka dumuc weyn wax si daas fudud loo dumin karo! Haddii ay isku dayaanna, toddobaad iska dhan kuma dumin karaan. Calool adayga Jaallayaal!” Flase yeelshee, Benjamin oo si aad ah ula socdey dhaqdhaqaaqqa nimanka ayaa arkay in ay god ka qodayaan seeska dhismaha ag tiisa. Isaga oo aad moodo in waxa oo dhammi la yihiin qosol ayuu mar kaas kor u qaaday gafuurka oo yidhi: “Waan ku wadey! Malaha ma aragtaan waxa nimanku samaynayaan? Aan idiin sheego, ee cabbaar daba deed bay ku ridayaan god kaas ay qodayaan baaruud qaraxda!” Hal koodii baa xayawaanku wax ku dhawreen iyaga oo warka Benjamin u gilgilay si baas. Sida xaalku ahaana, umaba suura geleyn in ay ka baxaan guriga oo imminka u ahaa gabbood. Cabbaar yar daba deedna waxaaba la arkay nimankii oo dhinac walba uga cararaya meelshii dhismuhu ahaa. isla markiina waxa la maqlay qarax laxaad leh oo wax dhega tiray. Qoollleydu cirka ayay markiiba isku shareertay. Xayawaanka, oo aan Naabooliyoon ku jirin, sida ay u dhammaayeen dhulka ayay isku wada xanjeeyeen oo wejiyada qarsadeen. Markii ay soo tooseen, waxa la kulmay indha hooda qiiq madow oo daruur si deeda kor hadhsanaya meelshii dhismuhu ahaa. Qiiqqu intii uu kacayeyna muddo aan yarayn bay qaadatay. Waqti kastaba ha qaadato, ee markii qiiqqu kacay ayaa xayawaanku arkeen in wax dhisme la yidhaahdaaba aanu jirin meelsha. Dhismihii oo laga dhigay baabah, markii ay arkeen ayaa xayawaankii dhiidhdhiyeen. Cabsidii iyo yididdiilo-beelkii hore ugu dhacay waxa baabi’iyey ciilka ay ka keeneen gunnimada iyo quudhsiga Bani-aadmigu ku kacay. Iyaga oo isku duuban oo cidba aan ka sugin amar, ayay colkii ku hagaageen inta ay “Tolla’ay” ku wada qayliyeen. Falfalliidhkii rasaasta ugu soo daadanaysey dhagaxyaale roob si diisa, way ka waaban waayeen. Dagaalkii meel shaas ka dhacay waxa uu noqday mid aad u qadhadh oo aan la is-bixin. Si bahalnimo ahna waa loo dagaallamay. Nimankii, rasaas aan u-kaad-kaadis iyo hakasho lahayn bay ku fureen xayawaanka. Goortii la isa soo guda galayna, ulo iyo kaba hoodii,waaweynaa bay dabada u qabteen xayawaanka. Sac, saddex laxaad, iyo laba shinbirood, halkii bay kaga aguugtay. Dhaawaccana waa laga sinnaa. Naabooliyoon oo xagga danbe ka bixinayey amarrada, xabbad baa ka goysey dhilifka. Nimanka soo duulay qudh dhoodu, kuma tegin fiyoobaan. Hortiiba, saddex ka mid ah nimanka, Boskar baa gaadhsiiyey dakharro. Mid kalena waa la dooxay oo gees baa laga daray caloolsha. Jesi iyo Buluubel, nin kale bay ka siibi gaadheen surwaalka. Sagaalkii ey ee Naabooliyoon ilaalin jirey, isaga ayaa ku amray in ay ku sii gabbadaan oodda oo hareeraha kaga yimaaddaan nimanka. Hareera hooda markii eydu ka soo baxday, ayaa bahal cabsi ahi buuxisey nimanka, mar kaas oo ay ku baraarugeen in ay halis u yihiin in la hareereeyo. Feredrik, markii uu arkay sida wax u dhacayaan ayuu ciidan kiisa u qayliyey oo ku amray in ay meelsha ka baxsadaan, inta goori goor tahay. Muddo yar daba deedna colkii soo duulay ee fuleyaalsha ahaa baa, naf-la-carar, cagaha wax ka deyey. Harraatiyaha u danbeeyeyna waxa lagu sii dhuftay markii loo baacsaday beerta cidhif keeda hoose, hal kaas oo ay dhex jeexeen oodihii lahaa qodaxda. Guuleyste, in kasta oo ay aad u daallanaayeen, dhaawacyada gaadheyna aad u dhiig baxayeen. Cagaha iyaga oo jiidaya, ayay mar kaas u dhaqaaqeen barbarkii beertu ka xigtey. Qaar koodna, ilmo ayay gabax ka siiyeen markii ay arkeen meydkii jaallayaal shooda la dilay oo dul geylaansan geedaha. Meelshii dhismuhu ahaan jirey bay cabbaar hogteen intii aanay hore u sii luudin iyaga oo la qidhim yidhi tiiraanyo. Dhab bay ahayd oo dhismihii socoy! Rafaadkii soo qabsaday, raad kiisiina la waa! Iskaba daa dhismaha oo wax ka sii taagnaayeen, ee seeskii baa qaar kiis burburay. “Dib baydin u dhisi doontaan” haddii ay is-odhan lahaayeen, waxa ay ogaayeen in aanay ka faa’iideysan karin dhagxantii dhismaha la dumiyey. Taas waxa ugu wacnaa iyada oo qaraxxa xoog giisu ku kala laliyey dhagxanta boqollaal tallaabo. Sida meelshu u ekeydna waxaaba la moodayey in wax dhisme la yidhaahdaaba aanu mama ahaan jirin meel shaas. Beerta, goortii ay ku soo dhowaadeen, ayaa Iskuwiilar oo ka tuurayaa ka hor yimi, isaga oo boodboodaya, dibkana saydhaya oo u bogsan sidii dagaalku ku dhammaaday. Sababta uu uga maqnaa dagaalka, xayawaanku waa garan waayeen. isla mar kaas ayaa sanqadh rasaaseed laga maqlay guryaha beerta. Sanqadh dhaas oo Boskar garan waayey ujeedda deeda, buu doonay cid wax uga sheegta; wuxuuna yidhi, “Tolow, maxaa loo ridayaa qoriga?” Iskuwiilar baa mar kaas hore u soo booday oo yidhi, “Waxa loo ridayaa si aynnu ugu dabbaal degno guul sheenna!” Boskar oo dhiig ka da’ayo jilbaha; birihii u ahaa kabaha midi ka luntay, qoob kala dillaacay, dersin falliidh oo rasaas ahina kaga jiraan addinka danbe, baa u qaadan waayey jawaabta Iskuwiilar oo yidhi, “Guul maxay ah?’. Iskuwiilar oo isagii u laacay sare, waxa uu ku jawaabay, “Maxaad tidhi Jaalle? Guul maxay ah? Miyaynnaan colkii ka saarin ciid deenna? Miyaynnaan ka saarin ciidda Beerta Xayawaanka?” “Ogoobey, waxa ay dumiyeen dhismihii Wershedda Dabaylsha, dhisme aynnu ku rafaadnay laba sannadood oo iska dhan!” ayaa Boskar ku celiyey. “waxba ha ka soo qaadin”, ayaa Iskuwiilar ku jawaabay, “mid kale ayaynnu dhisi doonnaa. Lix kale ayaynriu dhisi doonnaa haddii ay innala noqoto. Malaha ma kasi kartid Jaalle, wax xan qiimaha iyo qaayaha leh ee aynnu falnay. Ogow oo col baa qabsaday ciid dan aynnu imminka ku kor taagan nahay. Imminkana, iyada oo hoggaaminta Jaalle Naabooliyoon ugu wacan tahav, ayaynnu dib u hantinay taako kasta!” Boskar oo mar kale ku celiyey hadalka, waxa uu yidhi, “Kol kaas, ma waxaad leedahay waxa aynnu dib u hantinay wax aynnu horeba u haysanney?” “Taas weeye guulsha aynnu helnay!”, ayaa Iskuwiilar ku celiyey. In taas markii la is-weydaarsaday ayaa xayawaanka oo tukubayaa ku laabteen qolqolkii beerta. falliidhyadii rasaasta ee Boskar kaga jirey qaarka danbe, aad bay u dhibayeen Boskar, hase yeelshee, isagu waxa uu durba ka sii fekerayey hawlsha soo fool leh ee dib-u-dhiska dhismuhu la iman doono. Hawl shaas ayuu durba isu sii diyaarinayey, in kasta oo markii u horreysey ay maskax diisa soo galshay in uu kow-iyo-toban-jirsaday oo muruqya diisu aanay lahayn laxaad koodii hore. Xayawaanku, si kasta ha u daallanaayeen, ee markii ay arkeen calan koodii cagaarnaa oo la taagay; markii ay maqleen qorigii oo la ridey toddoba jeer; markii ay dhegeysteen hadalkii Naabooliyoon jeediyey, kuna hambalyeeyey sida ay ka yeeleen dagaalka; mar kaas ayay is-yidhaahdeen malaha guul weyn baydin soo hoyseen. Xayawaankii ku qudh baxay dagaalka, si sharaf leh ayaa loo aasay. Gaadhigii looga dhigay naxashka, waxa jiiday Boskar iyo Koloofar. Naabooliyoon oo hor kacayey xayawaanka kale, gaadhiga ayuu daba galay. Laba dharaarood oo iska dhan baa loo dabbaal degayey guulsha la soo hooyey: heeso badan baa la qaaday, khudbado ayaa la akhriyey, qorigiina dhawr jeer oo kale ayaa la riday. Xayawaan kastana waxa loogu abaal guday xabbad tufaax ah, shinbir kasta waxa la siiyey laba wiqiyadood oo galley ah, ey kastana waxa la siiyey saddex midh oo buskud ah. Goobtii waxa loo bixiyey Goobta Wershedda Dabaylsha; Naabooliyoon, halkii buu ku abuuray billad cusub oo uu u bixiyey Billadda Calanka Cagaaran. Naabooliyoon haddii uu yahay, isaga ayaa isku maamuusay billad daas. Arrintii nasiib- darrada lahayd ee ku saabsanayd noodhadhka Feredrik, iyana dabbaaldegga ayaa lagu illaabay. Maalmo yar iyada oo laga joogo maalmihii la dabbaal degey, ayaa doofaarradu heleen saxaarad uu ka buuxo khamri wiski ahi. Saxaaradda waxa ay ka heleen meel Joonis ku kaydsan jirey cuntada oo hore aan loo dhugan. Maalin taas habeennima deedii waxa ka soo yeedhay guriga doofaarradu ku noolaayeen buuq aad mooddo in heestii “Iglan Xoola heedow” la qaadayo, iyada oo midha heeda la isu dhigay candhada. Sagaalkii habeennimo goortii la gaadhay, waxa la arkay Naabooliyoon oo irridda danbe ee guriga ka soo baxay isaga oo galshan koofiyad duugowday oo Joonis lahaan jirey. Barxadda guriga inta uu dhakhso ugu soo wareegay, ayuu markiiba meelshii uu ka soo baxay dalaq dib u yidhi. Aroornimadiina wax sanqadh ahba waa laga waayey guriga doofaarrada; doofaar keli ah oo dhaqdhaqaaqana waa la arki waayey. Sagaalkii aroornimo goor ku dhow, ayaa Iskuwiilar soo baxay isaga oo qun yar tallaabsanaya, indha hiisana aad mooddo in aan nololiba ku jirin. Waxa ka lulshey dibkii had iyo jeer taagnaan jirey oo la moodo in aanu kuba oollin. Gebi giisana waxa la moodayey in uu buko. Hal kaas ayuu xayawaanka isugu yeedhay oo ugu sheegay warkii naxdinta lahaa ee uu sidey, war kaas oo ahaa in Jaalle Naabooliyoon bestii yahay, lagana yaabo in uu geeriyoodo. ‘Alla ba’ayey baa xayawaanku la wada jeesteen, markii ay maqleen warka. Si ay sanqadhdha uga dhawraan Jaalle Naabooliyoon, irridaha guriga oo dhan bay hor gogleen caws. Iyaguna, qanjaafilaha caara dooda ayay ku wada socdeen. Sida ay u dhammaayeen, ilmo ayaa ka soo wada gabax tidhi. Dhaka- faarna waxa ku noqday sida ay yeeli doonaan haddii Alla ka qaado Hoggaamiya hooda. Isla mar kaas ayaa la faafiyey dicaayad odhaneysey “Isnoobool baa sun ugu daray cuntada.” Kow iyo tobankii aroornimo waqtiga oo ku dhow baa Iskuwiilar mar kale ku soo laabtay xayawaanka si uu ula socodsiiyo wararka. Hal kaas waxa uu ka caddeeyey in Jaalle Naabooliyoon oo naftu iska sii gureysaa soo saaray sharci uu soo saaro, inta uu raaqraaqayo, kii ugu danbeeyey; sharci gaas oo ah in cabbista khamriga lagu abaal mariyi dil. Maalin taas fiid keediiba waxa la arkay Naabooliyoon oo ladnaaday; aroornimadii danbena Iskuwiilar baa xayawaanka kale ugu warramay in caafimaadka Jaalle Naabooliyoon aad u wanaagsan yahay; habeennimadiina shaqa diisii buu dib u bilaabay. Maalin-labaaddiina waxa la ogaaday in Naabooliyoon ku amray Waymbar in uu magaalada ka soo gado buugag laga barto sida khamriga loo khamiiriyo, loona kala miiro. Toddobaad dabadiina, Naabooliyoon baa amar ku bixiyey in la qodo jeexxii yaraa ee hore loogu tala galay in xayawaanka gaboobaa daaqaan. Jeexxa qodis tiisana waxa loogu marmarsooday in daaq qiisu xaalufay oo loo baahday in dib loo shinniyeeyo. Hase yeelshee, ciyoonba waxa la ogaaday in Naabooliyoon damacsan yahay in uu ka beero heed. Isla berya haas baa waxa dhacday arrin ujeedda deedu kaga wareerisay xayawaanka. Goor habeen-badh-ku-dhowaad ah ayaa xayawaanku ku war heleen sanqadh sidii wax meel sare ka soo dhacay oo kale ah. Sanqadh dhaas oo kaga timi barbarka xerada shirarka markii ay maqleen, ayaa xayawaanku oodda jebiyeen oo u wada dhagac yidhaahdeen meelshii sanqadhdhu ka baxday. Habeenkuna waxa uu ahaa habeen dayyaxxu aad wax u iftiiminayey. Xerada weyned ee shirarka markii ay daf yidhaahdeen ayay arkeen sallaan laba u kala jabay oo yaal derbigii ay ku qornaayeen Toddobada Dardaaran sal kiisa. Iskuwiilar oo miyir la’ina sallaanka ag tiisa ayuu wadhnaa. Dhinac ciisana waxa yiil faynuus, burush iyo dheri rinji cad ah oo af gembiyan. eyda ilaalineysey baa markiiba isku xeertay meelsha Iskuwiilar geylaansanaa. Goortii uu is-loodiyeyna waxa ay u sii garab galeen guriga doofaarradu ku noolaayeen. Benjamin inta uu is-neefiyey, gafuurkana ruxay sidii uu gartay macnaha ku jira meelsha, ayuu haddana cidna wax u sheegi waayey. Maalmo yar daba deed baa Muureel oo Toddobadda Dardaaran ahrisaneysey dareentay in uu jiro Dardaaran kale oo xayawaanku u xusuusnaayeen si xun. Hore waxa ay moodayeen in Dardaarnaka Shanaad dhigay ‘Xayawaanna ma cabbi karo khamri’. Sida muuqateyse, laba erey bay illaabeen. Xaqiiqduna waxa ay ahayd sida Dardaaranka derbiga ku qornaa yidhi, ‘Xayawaanna khamri uma cabbi karo XAD DHAAF’. Cutubka 9aad Qoobkii ku dillaacay Boskar dagaalka, hore ayuu ugu bogsan waayey. Labada maalmood ee la dabbaal degayey goortii ay dhammaadeen, markiiba waxa dib loo bilaabay dhismaha Wershedda Dabaylsha ee la dumiyey. Boskarna waxa lagu kari waayey in uu ka nasto shaqada maalin keli ah. Waxa jirtey in uu hoos ahaan ugu talshaday, in xanuunka hayaa aanu sina uga muuqan. Habeennimadii buu hoos ahaan u qiran jirey Koloofar in qoobku aad u dhibayo. Iyadaana qoobka ugu daweyn jirtey dhir ay calalisay. Iyada iyo Benjaminba, si doodii bay had iyo jeer Boskar ugu waaninayeen in uu u tudho naf tiisa oo iska dhimo shaqada faraha badan. “Waar hoy Boskarow”, baa Koloofar ku tidhi, “ogoow, sanbabbada farduhu ma waaraane.” Boskarse dhegba waa u dhig waayey waanooyin kaas la siiyey. Sida uu Koloofar u sheegeyna, sheyga keli ah ee uu higsanayeyba waxa uu ahaa in uu arko hawlsha dhismaha oo si fiican isugu dubba dhacday, inta aanu ka fadhiisan shaqada. Berigii hore ee la dhigay sharciyada beerta, waxa la isla gartay in fardaha iyo doofaarradu kaga fadhiistaan shaqada laba-iyo- toban-jirka, lo’du saddex-iyo-toban-jirka, eydu sagaal-jirka, iduhu toddoba-jirka, haadkuna goorta ay shan-jirsadaan. Waxa kale oo beri gaas lagu heshiiyey in xayawaanka ka fadhiista hawlsha la siiyo xaq wanaagsan oo ay ku noolaadaan. Imminka oo la gartay in heed lagu beero jeexxii hore loogu tala galay in xayawaanka waayeelaa ku nastaan, waxa la isla dhex marayey in, xayawaan kaas, loo xidhi doono beerta weyn ee daaqqa geftin keeda. Xaqqa fardaha gabooba la siin doonaa, baa la yidhi, waxa uu noqon doonaa shan rodol oo galley ah, jiilaalkana shan iyo toban rodol oo caws ah, iyada oo maalmaha ciidaha loogu dari doono midh dabacase ah, ama midh tufaax ah, haddii si daasi suurowdo. Boskarna waxa uu laba-iyo-toban-jirsanayey xagaaga soo socdey dabayaaqa diisa. Arrimaha oo si daas ah, ayaa weliba nololshu sidii hore ka sii adkaatay. Jiilaalka ay ku jireenna waxa uu ahaa mid ka qabow jiilaalkii hore; cuntaduna si deedii hore waa ka sii yaraatay oo mar kale ayaa, doofaarrada iyo eyda mooyaane, xayawaanka kale oo dhan laga dhimay. Iskuwiilar oo dhimista cuntada u sharxayey xayawaanka waxa uu caddeeyey in cuntada oo laga sinnaadaa ka soo hor jeeddo Mabaadi’da Xayawaannimada. Haba yaraatee, wax dhibaato ahna, kalama uu kulmin si uu xayawaanka uga raarido in cunto yaraatay aanay jirin, muuqqa guud si kasta ha u ekaadee. Cuntada oo imminka dib loo qaybiyey, sida Iskuwiilar yidhi, wax laga fursan waayey bay noqotay. Goor kasta oo uu soo qaadqaado arrin taas, waxa uu had iyo jeer ka hadlayey cuntada oo qayb teeda dib loogu noqday, ee marna afka ma uu soo marin cuntada la dhimay. Waxa uu weliba in taas ku daray in cuntada imminka la helaa weli aad uga badan tahay intii la heli jirey waagii Joonis. Isaga oo ku boobaya, cod kiisii xumaana ku akhriyaya, ayuu bartii si tifa tiran ugu caddeeyey xayawaanka in ay ka helaan jaad kasta oo cunto ah in ka badan intii ay heli jireen waqtiyadii Joonis; in saacadaha ay shaqeeyaan ka gaaban yihiin kuwii ay hore shaqeyn jireen; in biyaha ay cabbaan ka wanaagsan yihiin kuwii ay hore u cabbi jireen; in gedafilasha doodu korodhdhay oo imminka ay noolaadaan waqti ka dheer kii hore; in dhallaankii saqiiri jirey ka yaraaday intii hore oo imminka carruur intii hore ka badani u kacdo, una barbaarto; in cawska ay xeryaha ku gogladaan ka badan yahay kii hore u goglanaan jirey; iyo, in dhibiijadu ka yaraatay sidii hore. Erey kasta oo ka soo baxay af kiisa, si diisii baa xayawaanku ku leqeen. Runta haddii la sheegose, Joonis iyo waxa uu u taagnaaba waa ka sii baaba’ayeen xayawaanka xusuus tooda. Xaaladda ay maanta ku sugnaayeen ayuun bay aad u ogaayeen, taas oo ahayd mid adag oo wanaag oo dhan ka arradan. Nololsha ay maanta noolaayeen waxa ay ahayd mid ay badanaaba gaajoonayeen, badanaaba dhaxamoonayeen; marka aanay hurdinna mid ay ku foognaayeen hawl. Hase yeelshee, “Shaki kuma jiro”, ayay is- yidhaahdeen, “in xaalku si dan ka sii liidan jirey.” Si daas in ay rumeystaan aad bay u jeclaayeen oo samirsiis bay u noqotay. Waxa kale oo aan la dhayalsan kareyn in ay berigii hore ahaayeen addoon la leeyahay. Imminkase ay noqdeen xor madax bannaan. Taas ayaa ahayd arrin aan waxba la barbar dhig kareyn, sida Iskuwiilarba aanu marna u seegin sheegid deeda. Xayawaanka beerta fara hoodii hore waxaa ku soo kordhay afaf badan oo cusub, kuwaas oo u baahday in la daryeelo. Waxaana jirtey in afartii doofaarradood ee beerta joogey mar wada dhaleen kow iyo soddon hal oo wada mudhuxsan. In meel dheer laga doono meelsha uu ka soo jeedey isir koodu looma baahnayn kol haddii Naabooliyoon ahaa qoodhdha keli ah ee doofaarrada ku jirey. Markii ay dhalsheen doofaarra daas yaryari, waxa lagu dhawaaqay in loo dhisi doono dugsi goorta la soo gado leben iyo qori. Intii aan loo dhisin dugsiga, Naabooliyoon qudh dhiisa baa ku sii siin jirey casharrada madbakha guriga. Beer yar oo guriga gaar u ahaydna way ku cayaari jireen. Waxaana laga waaniyey in ay dhex galaan xayawaanka kale ee fil kooda ah. Isla berya haas ayaa la soo rogay sharci waajib ka dhigaya in xayawaanka kale barbar isu taago goorta doofaar iyo xayawaan kale ku kulmaan jid. Sharci gaas waxa weheliyey mid kale oo doofaarrada u banneeyey in ay dibka ku xidhtaan boqor cagaaran maalmaha Axadaha. Si iska ladan baa Beerta Xayawaanku u baxday sannad kaas, in kasta oo weli lacagtu ku yarayd, waxyaalo badanna ay u baahnaayeen. Waxa ay u baahnaayeen in leben, niis iyo nuurad loo soo gado dugsiga doofaarrada, in kayd loo sii dhigo qalabka dhismaha Wersheda Dabaylsha la dhigi doono; iyada oo weliba ay sii dheeraayeen gaasta iyo shamacca guriga doofaarrada, iyo sonkorta uu u baahnaa miiska Naabooliyoon. Sonkortu waxa ay sed gaar ah u ahayd Naabooliyoon; doofaarrada kale oo dhanna wuu ka hiray isaga oo ku yidhi, “si xun baydin ugu naaxi doontaan, haddii aydin isticmaalshaan sonkorta.” In taas waxa weheliyey alaabta had iyo jeer loo baahnaa, sida: masaabiirta, xadhkaha, dhuxulsha, xasawda, birta, iyo eyda buskud keeda. Si daas dar teed ayaa loo gaday xidhmo caws ah iyo qayb ka mid ah baradhdhadii baxday sannad kaas. Qandaraaskii ukuntana waxa laga dhigay lix boqol toddobaad kiiba. Si daas ayaa digaaggiiba ku sigteen in tira doodu is-dhinto, iska daa taran ay tarmaane. Cuntada la dhimay bilsha Diisembar baa, haddana mar kale la dhimay bilsha Feebarwari. Faynuusyadii oolli jirey xeryaha xayawaanka, iyana waa la xaaraantimeeyey, si loo madhaxsado gaasta. Cidhiidhi gaas oo jirey, ayaa haddaba waxa muuqdey in doofaarradu ku jireen raaxeysi deeqay. Maalinba maalinta ka danbeysana way sii naaxayeen. Bilsha Feebarwari dabayaaqa deeda, ayaa xayawaanku uriyeen udug wax la mid ah aanay hore u urin. Kooda uriyeyba, sanka ayuu la sii raacay, isaga oo xusuustay xiisaha uu u qabo cunto. Uduggu waxa uu kaga yimi guri ka shisheeyey madbakhkha guriga doofaarrada, oo hore loogu tala galay in khamriga lagu sameeyo, hase yeelshee, aan Joonis isticmaali jirin. Xayawaanka mid kood baa udugga ku maleeyey heed la karinayo; sidii ay u dhammaayeenna, sanka ayay la wada raaceen udugga ay siddey dabaylshu iyaga oo is- leh, “Tolow ma soor diirran baa caawa la idiinku sameynayaa casho!” Hase yeelshee, soor diirranna ma ay arkin. Axaddii u soo horreyseyna waxa lagu dhawaaqay in doofaarrada keli good isticmaali doonaan heedda. Meel ka shisheysey beerta tufaaxxana, durba heed baa lagu beer ay. Isla waqti gaas ayaa la xansaday in si joogto ah doofaar kasta loo raaciyo cuntada bakeeri weyn oo biire ah. Naabooliyoon oo isagu nus-galaan qaadan jirey, waxa uu ku shuban jirey maddiibad weyn oo reer Joonis sannadkiiba mar ku shuban jireen maraqqa. In kasta oo dhibaatooyin haysteen xayawaanka, haddana waxa samirsiinayey xaqiiqda ah nolol shooda oo maanta ka sharaf rooneyd nolol shoodii hore. Heeso, khudbado iyo bannaanbaxyo intii hore ka badan, maanta way haysteen. Naabooliyoonna, amar buu ku bixiyey in toddobaadkiiba mar la sameeyo wax uu ku magcaabay “Bannaanbaxxa Is-kiisa U Yimaadda”, ujeedda diisuna tahay in loo dabbaal dego halganka Beerta Xayawaanku soo martay iyo guulaha ay gaadhdhay. Bannaanbaxxa waqti giisa goorta la joogo ayaa xayawaanku hal keeda kaga dhaqaaqi jireen shaqada, kuna meereysan jireen soohdinta beerta, iyaga oo qoobjac leh oo doofaarradu ku jiraan safka horraan tiisa. Fardaha, lo’da, idaha, iyo haadka oo si daas u kala horreeyey, doofaarrada ayay daba joogeen. Eyduna baallaha ayay ka raaci jirtey safka. Dhammaan toodna waxa hor kacayey diiggii madoobaa ee Naabooliyoon. Mar kasta oo bannaanbax la sameeyo, Boskar iyo Koloofar waxa ay wadajir u qaadi jireen calan cagaaran oo ay ku sawireen qoob iyo gees, laguna qoray ‘Jaalle Naabooliyoon Ha Noolaado’. In taasi marka ay dhacdo ayaa la tirin jirey gabayyo lagu maamuusayo Naabooliyoon; Iskuwiilarna waxa uu akhriyi jirey khudbad uu ku faahfaahinayo waxyaalihii u danbeeyey ee soo-saaridda cuntada ku kordhay. Marmarna xabbad-xabbad rasaas ah ayaaba la ridi jirey. Bannaan-baxyada kolka ay timaaddo, waxa la arkay in iduhu ugu hanuunsanaayeen xayawaanka oo dhan. Haddii xayawaanka mid ka mid ahi gunuuso, taas oo dhaci jirtey marka aan doofaarrada iyo eydu ka dhoweyn meelsha, oo Bannaanbaxxa ku tilmaamo waqti-lumis, amaba yidhaahdo, “Alla dhaxan weynaa”, hubaal waxa ahaa in iduhu aammusinayeen inta ay kaga dayyaamiyaan bacaacdooda ‘Samaa Afar Lugood, Xumaa Laba Lugood’. Guud ahaan hadii loo eegose, aad baa xayawaanku ugu bogeen bannaanbaxyada, oo waxa ay ku diirsadeen xusuusin taas la xusuusiyey in iyagu is-xukumaan oo hawlaha ay qabtaan dheef tooda iyagu iska leeyihiin. In badanna, caloola hooda madhan bay isku illowsiiyeen heesaha la qaadayey, safsafka loo socdey, warbixinta Iskuwiillar, dayyaanka rasaasta, qalaadka diigga iyo biligbiligta calanka. Bilsha Abril goortii la joogey ayaa lagu dhawaaqay in Beerta Xayawaanku noqotay Jamhuuriyad. Si daas ayaa loogu baahday in Madaxweyne la doorto. Naabooliyoon keli giis baa isu soo taagay jaga daas. Isagana sacab baa lagu doortay. Maalin taas qudh dheeda ayaa daaha laga qaaday in la helay waraaqo cusub oo muujinaya in Isnoobool weli giisba la soo safnaa Joonis. Sida warar kaas cusubi sheegeen. Isnoobool si aan gabbasho lahayn buu uga soo jeedey dhinacca Joonis, isaga oo hoggaaminayey colka Bani-aadmiga ee ku soo duulay beerta. Si daas markii uu yeelay, ayaa warka cusubi yidhi, buu weliba ku qayliyey ‘Bani- aadmigu Ha Noolaado’. Warku waxa uu in taas ku daray in arrintu aanay ahayn sida xayawaanku is-moodsiiyeen ee ahayd in uu xayawaanka u dhigay xeel xun oo dagaal, si xayawaanka loo jebiyo. Dhaawacyadii ku gaadhay Isnoobool dagaalka, oo xayawaanka qaar kood weli sii xusuusnaayeen, waxa warka cusubi ku fasiray in ay ahaayeen qaniinyadii ay gaadhsiiyeen ilkaha Naabooliyoon. Xagaaga badhtama hiisa markii la joogey ayaa coomaaddihii Moosis, si lama-filaan ah, ugu soo laabtay beerta isaga oo maqnaa dhawr sannadood, hase yeelshee, muuq qiisa aan waxba iska doorin. Si diisii buu weli uga hadlayey Buurta Sonkor-nacnac, isaga oo wax hawl ah aan qaban. Inta uu udub kiisa fuulo oo baalalka ka bafbafsiiyo ayuu saacado iska dhan wacdi u qaban jirey dabada, cid kasta oo dhegta u dhigta. Caadona waxa u ahaa in uu yidhaahdo, isaga oo si aan dheeldheel ku jirin u tilmaamaya samada: “Meel dul sheenna ah Jaallayaal, meel dul sheenna ah oo daruur taas madow ee aydin aragtaan kaga naban dhinacca shishe, ayay tahay Buurta Sonkor-nacnac iyo dhul keeda lagu badhaadhay. Hal kaas ayaynnu, si waarta, kaga nasan doonnaa hawlaha inna dhabar jebiyey, xayawaanka saboolka ah haddii aynnu nahay.” Hadal-tiradiina waxa ay la gaadhdhay in uu ku doodo in uu booqday Buurta Sonkor-nacnac, mar uu si baas u cir baxay. Hal kaas, sida uu yidhi, waxa uu ku arkay beero aan goosasha doodu waqti lahayn oo midho iyo sonkori ka dhex baxaan oodaha lagu kala qoqobay beeraha. Xayawaanku sida ay u badnaayeen, way rumeysteen waxyaala haas Moosis ka sheekeeyey. “Caddaalad iyo xaq haddii ay jiraan”, ayay is-yidhaahdeen, “waa in ay jirto nolol danbe oo ka sidata tan macaluulsha iyo lurka leh ee aydin maanta ku nool shihiin.” Arrinta la saari waayeyse waxa ay ahayd meelsha doofaarradu ka taagnaayeen Moosis iyo wacdi giisa. Doofaarradu sida ay u dhammaayeen way wada quudhsadeen waxyaala haas Moosis sheegayey; waxayna ku tilmaameen been aan waxba ka jirin. Iyaga oo si daas yeelay, ayay haddana Moosis u oggolaayeen in uu joogo beerta isaga oo waxba aan qaban. Maalin kastana waxa ay u qoreen cantuugo biire ah. Boskar oo qoobku u bogsaday mar kaas, markiiba waxa uu ku dhaqaaqay hawlshii uu hore u qaban jirey mid ka sii daran. Dhammaan toodna, addoon si deeda ayay u lurtoodeen. Hawlsha joogtada ahayd ee beerta, waxa u sii dheeraa dhismaha dib loo dhisayey iyo dugsiga doofaarrada yaryar oo bilsha Maarj la bilaabay. Saacadaha faraha badan ee la shaqeynayey iyo cuntada oo cidna aan ku filneyn, labaduba waxay noqdeen kadeed ay u adkeysan kari waayeen xayawaanku. Boskar oo keli ah baan marna liicin oo qowl kiisa iyo ficil kiisa midna aan laga dareemin in laxaad kiisu iska dhimay sidii uu ahaan jirey. Hase yeelshee, muuq qiisa baa yara doorsoomay oo saan tiisa ayaan si deedii hore u dhalaal badneyn; miska hiisii laxaadka weynaana in ay soo kogeen baa la moodayey. “Gugaa Boskar naaxi doonaa”, baa xayawaanku is-yidhaahdeen. Gugii ay sheegeen waa soo galay, Boskarse ma naaxin. Marmarka qaar kood oo muruqyadu la tigmayeen culeyska dhadhdhaabaha uu ka soo saarayey tiirada, cidda aragtaaba waxa ay is-odhan lahayd, “niyad-adeyg giisa ayaa u aasay dhaadadka.” Hadalba marka uu ka soo bixi waayona, waxa la arkayey faruurya hiisa oo la dhaqdhaqaaqaya, “Si dan si ka daran baan u shaqeyn doonaa.” Koloofar iyo Benjamin markii ay arkeen xaalka uu ku sugan yahay, bay mar kale ku waaniyeen in uu is-badbaadiyo. Dhegse uma uu dhigin. Dharaartii uu laba-iyo-toban-jirsan lahaana waa soo dhoweyd, oo ujeeddada keli ah ee uu lahaaba waxa ay ahayd in uu sii tuuro dhagax ku filnaada dhismaha, inta aanu ka fadhiisan shaqada. Habeen ahaa xagaa gaas oo waqtigu yahay caweysin, ayay beerta ku fidday nuxnux sheegtay in shil ku dhacay Boskar. Boskar mar kaas waa ka maqnaa guryaha oo waqti hore ayuu sii aaday meelshii laga dhisayey dhismaha si uu u sii jiido rar dhagax ah. Nuxnuxdiina waxay dhabowday markii laba qoolley oo xameysani ku soo degeen beerta. Halkii waxay kaga warrameen in Boskar kufay oo barbarkii uu u dhacay iska loodin kari waayey!. Hal kaas ayaa xayawaanka kala-badh-oo-badh dhagac u yidhaahdeenkurtii dhismuhu ahaa. Meelsha markii ay gaadheen, waxay arkeen Boskar oo dhulka yaal oo ku dhex jira labadii qori ee gaadhiga, luquntuna hore u soo fidsan tahay oo awoodi kari la’ in uu is-dhaqaajiyo, madaxxa oo uu kor u qaadona ha ahaatee; sararaha dhidid buuxiyey, afkana dhiig ka dareerayo. Sida uu yahay markii ay aragtay ayaa Koloofar jilbaha ugu dhacday barbar kiisa iyada oo barooraneysa oo ku tidhi: “Boskarow, iska warran?” Boskar oo hadalba ka soo bixi la’ yahay baa u jawaabay oo yidhi, “sanbabka ayaa la iga haya. Waxbase ma aha oo waxa aan hubaa in aydin la’aan tayda qabya tiri kartaan dhismaha Wershedda Dabaylsha oo dhagax ku filan aan u dhigay. Sida aad og tahayna, kolleyba waan ka fadhiisan lahaa shaqada oo waqtigiiba waxa iiga hadhay bil qudha ah. Runta haddii aan kuu sheego, aad baan u sugayey dharaarta aan ka fadhiisan doono shaqada. Benjamin qudh dhiisu waa kan gaboobaya ee waxa aan rajeynayaa in doofaarradu u oggolaadaan in uu ka fadhiisto shaqada si aannu isu wehelshanno.” In taas markii uu yidhi ayaa Koloofar ku jeesatay xayawaanka oo ku tidhi, “Waa in la innoo soo ciidamiyaa ee mid kiinow durduri oo u soo sheeg Iskuwiilar shilka dhacay.” Xayawaankii oo isku duuban baa mar kaas dib ugu yaacay beerta si ay u war geliyaan Iskuwiilar. Koloofar iyo, Benjamin oo aanu ka soo bixin erey keli ahi, dib kiisana, Boskar kaga eryaya duqsiga, baan ka ag tegin Boskar. Rubuc-saace daba deedna, waxa yimi Iskuwiilar oo iska oohinaya, lana fatahaya sida uu uga xun yahay waxa dhacay. In Jaalle Naabooliyoon aad u tiiraanyooday markii uu ogaaday dhiilla daas ku timi shaqaalaha beerta koodii u daacadsanaa, halkii buu ka sheegay. Waxa uu weliba in taas raaciyey in Jaalle Naabooliyoon durba gacanta saaray sidii Boskar loogu daweyn lahaa cusbataalka magaalada. Hase yeelshee, war kaas ayaa markiiba qoonsimaad geliyey xayawaanka. Waxa ay wada ogsoonaayeen in aanu jirin xayawaan, aan ahayn Moolli iyo Isnoobool oo, weligii debedda uga baxay beerta. Mid deeda kalena, waxay jecleysan waayeen jaalla hooda bukaanka ah oo u gacan gala Bani-aadmi. Hase yeelshee, Iskuwiilar oo sina aan ugu dhibtoon baa u caqli celiyey oo ku qanciyey in dhakhtarka xooluhu u daweyn doono si dooda si ka wanaagsan. Nusa-saace daba deedna, Boskar baa sidii hore ka soo ladnaaday oo xeradii u sii tukubay, hal kaas oo Koloofar iyo Benjamin u sii gogleen caws. Si daas ayaa Boskar ugu negaaday xera diisa labadii maalmood ee ka danbeeyey maalinta uu kufay. Doofaarraduna waxa ay u soo direen daawo ay ka heleen kabadh yiil xammaamka oo reer Joonis ku ridan jirey dawooyinka. Dawa daas ayaa Koloofar siin jirtey Boskar goorta uu cunteeyo. Habeennimadiina xera diisa ayay la jiifsan jirtey, iyada oo u sheekeeneysa, Benjaminna ka eryayo duqsiga. Hal kaas ayaa Boskar, laba dooda ugu sheegay sida aanu uga xumayn waxa dhacay. Qummaati haddii uu u bogsadona, waxa uu filayey in uu noolaado saddex sannadood oo kale, ku waas oo si xiisa leh uu u sugayey. Sida uu yidhi, waxa uu filayey in uu ku nasto saddex daas sannadood beerta loo xidhay xayawaanka da’ooba. Waxa uu ku tilmaamay in saddex daas sannadood noqon doonaan goortii u horreysey ee uu u fara baxsanaado waxbarasho iyo maskax diisa oo hore uu u mariyo. Sida uu yidhi, waxa uu damacsanaa in uu u huro, nolol shiisa inta ka hadhdhay, barashada laba iyo labaatanka xaraf ee uga dhinnayd higgaadda. Koloofar iyo Benjamin waxa ay la joogi karayeen Boskar goorta aan shaqo jirin oo keli ah. Maalin-saddexaaddii, qorraxda oo kugta joogta, ayaa gaadhi daboolani yimi beerta si uu u qaado Boskar. Xayawaanku, mar kaas hawl bay ku maqnaayeen oo beeraha ayay ka gurayeen haramada, iyaga oo doofaarradu ka ilaalinayaan dulsha. Si daas, iyaga oo u shaqeynaya, ayaa xayawaanku mar keli ah ku war heleen lana yaabeen, markii ay arkeen Benjamin oo ka soo garmaameynaya barbarkii ay ka xigeen guryaha beertu, isaga oo u madaaraya si aan hore loo maqlin. Taas ayaa xayawaanka gelisay fajac; maxaa yeelay, waaba isaga oo weyraxsan oo la arkaaye, waxa ay ahayd markii u horreysey ee xayawaanku arkay Benjamin oo si daas oo kale u orda. Qayla-roorka markii uu kula soo dhex dhacay xayawaanka buu ku yidhi, “Dhakhsada! Dhakhsada oo ka soo kaca, Boskar bay fogeynayaane! Amarba iyaga oo aan ka sugin doofaarrada, ayaa xayawaanku dhagac u yidhaahdeen guryaha beerta. Warkii Benjamin sheegeyna dhab buu ahaa oo qolqoka guryaha ayay ku arkeen gaadhi daboolan oo laba faras jiidayaan. Gaadhi gaas oo dhinacyada wax kaga qornaayeen waxa wadey nin galshan koofiyad gaaban oo khaa’innimo kaga dhigan tahay wejiga. Xerada Boskarna waa madhneyd. Xerada madhan markii ay arkeen, ayaa xayawaanku ku xoomeen gaadhiga, iyaga oo cir kaas ka qaylinaya oo leh, “Nabadgelyo! Boskarow Nabadgelyo!” Benjamin oo ku wareegaaleysanaya xayawaanka, qoobab kiisa yaryarna ku garaacaya dhulka, ayaa mar kaas qaylo dheer ka kacay oo yidhi, “Doqommada daya! Doqommayohow malaha ma aragtaan waxa dhinacca kaga qoran gaadhiga?” Xayawaankii inta ay wada hogteen bay shib wada yidhaahdeen. Muureel baa kol kaas isku dayday in ay higgaadiso ereyyadii ku qornaa gaadhiga. Hase yeelshee, Benjamin baa ga’ga’deeda dhinac isaga riixay. Iyada oo sidii loo wada aammusan yahay, buuu mar kaas u akhriyey xayawaanka waxxii ku qornaa gaadhiga. Wuxuuna kor u yidhi: “Alfred Simmonds, Farda-qale, xabag ka sameeya qoobabka iyo qanjaafilaha oo deggan magaalada Wellindhon; isla mar kaasna ah ganacsade saamaha iyo cuntada laga sameeyo lafaha.” Malaha ma garaneysaan ereyya daas macna hoodu waxa uu yahay? Aanba idiin sheego, ee Boskar bay u dirayaan Farda-qalaha!” War kaas markii ay maqleen baa xayawaanku naxdin isla haysan kari waayeen oo qaylo ka kaceen. Ninkii gaadhiga wadeyna mar kaas ayuu laba diisii faras, inta uu jeedal ku dhuftay, kadle ku dhaqaajiyey. Xayawaankiina, gaadhigii bay daba jabsadeen iyaga oo cir kaas ka qaylinaya. Koloofar, inta ay xayawaankii oo dhan soo jiidhdhay bay horraanta soo galshay. Gaadhiga oo orodka ka sii kordhiyey intii hore, markii ay is-tidhi gaadh, shileys keedii baa u suura gelin waayey in ay afar qaaddo. Inta ay gaadhiga daba ordeysey oo dhan waxa ay ku qaylineysey oo lahayd: “Boskarow! Boskarow! Boskarow ka soo bax meelsha! Degdeg uga soo bax! Geeridaada bay kuu wadaane!” Boskar oo aad moodeysey inuu mar kaas maqlay sawaxanka debedda ka baxaya, baa food diisa iyo san kiisa laga arkay daaqad yar oo gaadhigu ku lahaa xagga danbe. Xayawaanka oo qabsaday muusannowgii Koloofar, iyana waxa ay ku wada qayliyeen, “Boskarow! Meelsha ka soo bax! Degdeg uga soo bax!” Si kasta xayawaanku ha u cabaadeen, ee orod baa u sii kordhayey gaadhiga mar kasta, marba marka ka sii danbeysana xayawaanka ayuu ka sii durkayey. Weliba si daas ayaan xayawaanku u hubin in Boskar maqlay iyo in kale. Hase yeelshee, muddo yar daba deed, inta wejigii Boskar ka libdhay daaqaddi uu soo taagnaa, ayaa xayawaanku ka maqleen gaadhiga guda hiisa qoobabka Boskar digdig tooda, isaga oo is-leh gaadhigaba burburi oo meelsha ka bax. Waxa jirey beri uu gaadhiga u burburin lahaa qolof kibriid si deeda. Nasiibdarri diisa, aad buu imminka u itaal darnaa. Sanqadhdhii ka soo baxday gaadhigana, haddiiba way yaraatay, cabbaar yar daba deedna way is-taagtay. Iyaga oo si daas ugu jira quus, ayay bilaabeen baryootan ay ka baryayeen labada faras ee gaadhiga jiidayey in ay joogsadaan. Labada faras waxa ay ku lahaayeen, “Jaallayaalow! Jaallayaalow! Waa walaalkiin kan aydin siddaan, ee wed kiisa ha u hor seedina!” Hase yeelshee, labada segeger ee jaahilnimadu ka badatay, sina uma dhaadin waxyaalaha ka dhacayey hareera hooda. Waaba joogsi ay joogsadaane, qaylada markii ay maqleen bay dib u nabeen dhegaha oo sidii hore si ka sii daran u ordeen. Boskar weji giisiina, si daas ayaan dib loogu arkin. Mar aan gooriba goor ahayn, ayaa xayawaanka mid ka mid ahi isla hambaaburay oo is-yidhi, durduri oo irrida sii xidh inta aan gaadhigu ka bixin. Hase yeelshee, gaadhigii oo si baas u ordaya baa irrida uga horreeyey oo dhabbadii weyneyd ku dhacay. Arag loo yeelsho Boskar, mar kaas ayaa u danbeysey. Saddex maalmood daba deed, xayawaanka waxa loogu soo warramay in Boskar ku baqtiyey cusbataalka magaalada, in kasta oo, sida la yidhi, uu helay xannaano faras helo tii u fiicneyd. Iskuwiilar oo xayawaanka kale uga warramayey arrin taas waxa uu meelshii ka sheegay in uu u ahaa goobjoog geerida Boskar. Isaga oo raafka iskaga tiraya ilmo ka soo gobo’ tidhi, waxa uu yidhi: “Geerida Boskar waxa ay ahayd wax aan arko tii iigu naxdin weyneyd, aniga oo barbar taagnaa sariir tiisa intii naftu ka baxaysey. Af kiisa ayuu dhegta ii saaray, isaga oo naftu iska gureyso oo, itaal-darri aw geed, hadalba kari waayeey. Waxa uu igula faqay in uu ka murugeysan yahay dhimashada uu dhimanayo isaga oo aan dhammeyn dhismaha Wershedda Dabaylsha. Jaallayaal, ereyyada u danbeeyey ee ka soo baxay af kiisa iyo dardaaran kiisu waxa ay ahaayeen ‘Horuusocda Jaallayaal! Horuusocda oo Kacaanka ku dhaadta! Ha Noolaato Beerta Xayawaanku! Jaalle Naabooliyoon Ha Noolaado! Ma- gefaha Jaalle Naabooliyoon!” Iskuwiilar markii uu in taas yidhi, baa markiiba weji giisii is- beddeley. lnta uu cabbaar aammusay oo hadba barbar eegay, sidii uu wax qoonsaday, ayuu xayawaanka u sheegay in uu ogaaday in la faafiyey dicaayad xun oo nacasnimo iyo uur-xumo ku jiraan, maalintii Boskar laga kaxeeyey beerta. Dicaayad daasi, sida uu yidhi, waxa ay ku sal lahayd xayawaanka qaar kood oo arkay ereyyada ‘Farda-qale’, kuwaas oo ku qornaa gaadhigii qaaday Boskar, daba deedna is-yidhi Boskar baa loo dirayaa Farda- qalaha. Waxa uu weliba raaciyey in uu rumeysan kari la’ yahay heerka calaannimadu ka gaadhdhay xayawaanka qaar kood. Isaga oo dibka saydhaya oo hadba dhinac u boodaya ayuu mar kaas xayawaanka ku yidhi: “Xayawaan kaasi, miyaanay aqoon in taas ka badan u lahayn Hoggaamiya heenna Jaalle Naabooliyoon? Arrintuba sida ay is- moodsiiyeen ma ahayn, ee gaadhiga ayaa hore Farda-qale u lahaan jirey, intii aan dhakhtarka xooluhu ka iibsan. Dhakhtarkana weli uma suura gelin in uu rinjiyo gaadhiga oo magaccii hore ka baabi’iyo. Is-af-garansho-waaguna si daas ayuu ku yimi.” Si daas suuragalka ah markii Iskuwiilar arrinta u sharxay ayaa xayawaanka neefi ka soo boodday. Markii uu si cad u tilmaamay sariirta Boskar ku dhintay, xannaanada loo bogay ee la siiyey, iyo dawooyinka qaaliga ahaa ee qiima hoodaba aan Naabooliyoon hoos u eegin, mar kaas ayaa shakigii ku jirey xayawaanka baaba’ay. Murugadii ay ka murugeysnaayeen jaalla hooda geeriyoodeyna waxa yara illowsiiyey markii ay is- yidhaahdeen, malaha waxa uu dhintay isaga oo faraxsan. Naabooliyoon qudh dhiisa baa yimi Shirkii Axadda. Khudbad uu jeediyeyna, Boskar buu aad ugu ammaanay. Hadal kiisiina waxa uu ku daray in ay suuragal noqon weydey in la soo celiyo meydka jaalla hoodaas ay u wada tiiraanyoonayeen si loogu aaso beerta. Waxa kale oo uu sheegay in uu amar ku bixiyey in xidhmo ubax ah la geeyo xabaalsha Boskar, iyo in doofaarradu sameysan doonaan casho-sharaf lagu xusi doono Boskar, goor aan sii fogeyn. Hadal kiisa waxa uu ku soo gebagebeeyey isaga oo xayawaanka xusuusiyey labadii halqabsi ee Boskar ee ahaa ‘Sidan si ka sii daran baan u shaqeyn doonaa’ iyo ‘Jaalle Naabooliyoon yidhiyaaba, dhab weeye!’, laba daas halqabsi oo sida uu yidhi, xayawaan kasti ku rayn doono haddii uu ka dhigto halqabsi sida Boskar. Casho-sharafta habeenkii loogu tala galay dharaartii ka horreysey ayuu yimi beerta gaadhi uu lahaa nin ku haystey magaalada dukaan. Gaadhigu waxa uu sidey saxaarad weyn. Habeen kaas waxa guriga doofaarrada laga maqlay buuq iyo heeso ay daba joogeen wax xayawaanka ka fogaa ula ekaaday muran ba’an. Kow-iyo-tobankii habeennimo ayaa buuqqii, heesihii, iyo murankii, intuba mar keli ah wada joogsadeen; xayawaankiina ku war heleen dhalooyin jajabay sanqadh dhooda. Maalintii ku xigteyna dhaqdhaqaaqba waa laga waayey guriga doofaarrada, intii qorraxdu gaadheysey kugta. Xayawaanka beertuna waxa ay isla dhex mareen in doofaarradu meel uun ka heleen lacag ay soo siisteen saxaarad wiski ah. Cutubka 10aad Si daas ayaa sannado ku tageen. Afartii xilli ee sannadkuna si daas ayay u soo galeen una baxeen. Nololshii gaabneyd ee xayawaanku si daas ayay sibiq ugu tagtay. Si daas ayaa loo gaadhay ammin aan cidiba xusuusneyn beryihii ka horreeyey kacaanka, Koloofar Benjamin, Coomanddihii Moosis iyo dhawr doofaar ma ahee. Muureel waa dhimatay. Buluubel, Jesi iyo Binjar iyana waa dhinteen. Joonis waxa uu ku geeriyooday guri lagu xannaaneyn jirey dadka khamriga waalifa oo carri kale ah. Isnoobool waa la illaabay. Boskar, saaxiibba diisii ku dhowdhowaa ma ahee, xayawaanka kale waa illaabeen. Koloofar waxay ahayd geenyo gabowday oo shillis, xagliina dhismeen oo soo indha darreyneysa. Da’deedu laba sannadood bay kor u dhaaftay waqtigii loo gooyey 1 in ay kaga fadhiisato shaqada, hase yeelshee, waxa dhab ahaa in , iyada iyo qeyr keedba aanu ka nasan shaqada. Hadalkii laga hadli jirey in xayawaanka gabooba loo seero beerta cawska geftin keeda, faraha ayaa laga qaaday. Naabooliyoon waxa uu ahaa doofaar waayeelay oo culeys kiisu yahay laba iyo toban faraasiladood. Iskuwiilar, baruur bay la qarsoomeen indhuhu, ilaa uu ku sigtay in uu waxba arki kari waayo. Duqqii Benjamin t ayuun baan si diisii hore iska doorin, in kasta oo wax yar uu ka cirroobay gafuurka oo, sidii Boskar u dhintay, ay ku sii kordheen uur-ku-taallada iyo aammusnaantu. Beerta waxa mar kan joogey xayawaan ka badan intii hore, in kasta oo taran koodu noqon waayey sidii la filayey beryihii hore. Mudda daas waxa dhalshay xayawaan badan oo kacaankuba la ahaa hiddo iyo dhaqan la is-dhaxalisiiyey. Xayawaan kale oo ‘ imminka ku noolaa beerta, waxa iyana laga soo gadtay debedda, oo wax kacaan la yidhaahdoba, waxa maqal kiisa ugu horreeyey goortii la keenay beerta . Beertu imminka waxay lahayd saddex faras oo joog wanaagsn. Saddexduba waxay ahaayeen jaallayaal run ah oo hawlsha oggol, hase yeelshee, doqonniino dilootay. Mid koodna waxa uu awoodi waayey in uu hore u dhaafo xarafka labaad ee higgaadda. Wax kasta oo kacaanka iyo Mabaadi’da Xayawaannimada looga sheego, si deeda ayay u rumeysanayeen, siiba haddii cidda wax u sheegeysey ahayd Koloofar oo ay u xishmeyn jireen sidii ay tahay hooyadood. Shaki baase ku jirey in ay wax badan ka garteen waxyaala haas loo sheegayey. Beerta Xayawaanku aad bay uga barwaaqeysnayd, ugana nidaamsanayd sidii ay ahaan jirtey. In teedii horena waa laga sii 1 ballaadhiyey oo, waxa lagu daray laba beerood oo laga iibsaday Bilkinton. Dhismihii Wershedda Dabaylsha, ugu danbeystii baa isagi ina lagu guuleystay oo la dhammeys tiray. Weliba waxa taas weheliyey beerta oo imminka lahayd makiinad wax tunta iyo mid kale oo cawska raseysa. Guryo cusub oo kala jaad-jaad ah, kuwii hore ayaa lagu daray. Dillaalkii beerta ee Waymbar, isaguna waxa uu iibsaday gaadhi cusub oo eeyi u jiiddo. Waxaase jirtey in Wershedda Dabaylsha aan loo isticmaalin sidii hore loogu tala galay ee ahayd in ay dhaliso xoog koronto. Halkii ay ka dhalin lahayd xoogga korontada, waxa la geliyey in ay shiiddo galleyda, taas oo macaash fiican u soo hoyn jirtey beerta. Xayawaankuse si doodii bay u hawlanaayeen. Imminkana waxay ku foognaayeen wershed kale oo ay dhisayeen, taas oo la yidhi, “Waxa lagu qotomin doonaa daynabo, goorta dhismuhu dhammaado.” Raaxadii Isnoobool baray xayawaanka sida loogu riyoodo – xeryihii eleyska lahaa ee biyaha kulul iyo kuwa qaboobi ku jireen, iyo toddobaadkii la shaqeynayey saddexda beri oo keli ah, dib looma soo qaadqaadin. Naabooliyoon qudh dhiisa ayaa cambaareeyey fekradaha cayn kaas oo kale ah oo ku tilmaamay in ay ku yihiin lid Mabaadi’da Xayawaannimada. “Badhbadhaadhka dhabta ahi” ayaa Naabooliyoon yidhi, “waxa uu ku jiraa iyada oo loo hawl galo si baas, yamxeeris iyo dhawrisna lagu noolaado.” Si baa haddaba loo moodayey in beertu hodonowday, iyada oo wax hodonnimo ahi aanay u kordhin xayawaanka, doofaarrada iyo eyda ma ahee. Tolow, ma doofaarrada iyo eyda oo faraha ka badtay baa ilaa xad ugu wacnaa saboollinima dooda? Ujeeddadu ma aha doofaarrada iyo eyda oo aan qabaneyn hawl; waayo, sida Iskuwiilarba aanu marna uga daalin sheegis teeda, waxa jirey hawlo aan weli good dhammaan oo ku lug lahaa kormeerka iyo nidaaminta beerta. Hawla haas badi doodu, sida Iskuwiilar sheegay, waxay ahaayeen kuwo aan xayawaanka kale u lahayn aqoon iyo garaad midna. Si uu arrin taas u tusaaleeyo ayaa Iskuwiilar u sheegay xayawanka in doofaarradu si aad ah ugu hawlshoodaan waxyaalo dahsoon oo uu ku magcaabay ‘galal’, ‘warbixin’, ‘qoraalka murtida Shirarka’, iyo waxyaalo kale oo uu ku tilmaamay in ay yihiin warqado waaweyn oo laga buuxiyo hadal. Warqada haas oo uu muujiyey in ay u yihiin lagama- maarmaan badbaadada beerta, ayuu meelsha ka caddeeyey in lagu rido muufo oo la gubo kolka ay buuxsamaan. Taas oo jirtey, ayaa haddana waxa caddaa in doofaarrada iyo eydu aanay ku soo saareyn cunto dhidid ay dhididaan. Fara badnaan tooda iyo hunguri weynaan tooduna hal koodii bay ahaayeen. Xayawaanka kale haddii la eego, nolol shoodu waxay ahayd sidii ay weli geedba ahayd. Dhaaxaba way gaajoonayeen; bal bay goglanayeen; balliga bay si doodii hore uga cabbayeen; hawlaha | beertana sidii bay ugu lurtoonayeen. Inta ay xusuusan karayeen, | waxay ka dhexeeyeen jiilaal dhaxan badan iyo xagaa kulul. Waxa | jirtey marmar kuwooda waayeelka ahi si ba’an u fekereen oo isku fj dayeen in ay wax ka xusuustaan in xaalku sidan dhaami jirey beryihii kacaanku cusbaa ee Joonis la eryey. Waxbase way xusuusan kari waayeen. Wax kale oo ay barbar dhigaan, kuna | qiyaasaan nololsha ay maanta ku nool yihiin; oo aan ahayn I khudbadaha iyo tirooyinka Iskuwiilar dudubinayey had iyo jeer, ‘j& kuna muujinayey hor-u-kaca la gaadhay iyo nololsha oo maalinba | maalinta ka danbeysa ka sii fiicnaaneysa, way waayeen. Si daas m ayaa arrintu ugu ballaadhatay xayawaanka oo ay iska waayeen cid u murug tirta. Waqtiga ay u haysteen in ay ku faalleeyaan arrima haas oo kale, aad buu u koobnaa. Duqqa Benjamin oo keli ah ayaa sheegtay in uu si cad u xusuusan yahay wax kasta oo nolol shiisa dheer soo maray. Xayawaankana waxa uu u sheegay in xaalku hore u ahaa, dibna u ahaan doono, sida uu yahay maanta. “Macaluulsha, rafaadka, iyo niyad-jabku” ayaa Benjamin yidhi, “waa xeer nololshu digtay oo cidina aanay doorin karin.” Arrinta oo hal kaas mareysa ayaan haddana xayawaanku yididdiilo beelin. Weliba waxa in taas u sii dheeraa, iyaga oo kol walba ku dhaadanayey mid-ahaanta ay ka mid ahaayeen Beerta Xayawaanka, taas oo ay ku heleen sharaf iyo mudnaan ay dheeraayeen xayawaanka kale. Ilaa imminka, beer toodu waxay 5 ahayd beerta kali ah ee Iglan 00 dhan ku taal ee xayawaan leeyahay 00 maamulo. Iska daa kuwoodii kacaanka u ahaa goob- joogga, ee yaryar koodii dhalshay kacaanka daba diis iyo ; kuwoodii laga soo iibsaday meelo u jirey toban ilaa labaatan mayl Beerta Xayawaanka, weli waxa ay dhabannada la hayeen sida ay u hantiyi kareen beerta. Qoriga dig tiisa marka ay maqlaan, amase arkaan calan kooda cagaaran biligbilig tiisa, ayay u riyaaqayeen 00 qab iyo isla-weynaan la kala badan jireen. Mar kaas 00 kale, ayaa sheekadu u leexan jirtey beri-samaadkii 00 laga sheekeeyo: erigii Joonis, qorriinkii Todobada Dardaaran, iyo goobihii waaweynaa ee Bani-aadmigii soo duulay lagu jebiyey. Jamhuuriyadii Xayawaanka ee Duqqa Mijir sii saadiyey imaatin keeda goorta beeraha cagaaran ee Iglan laga waayo Bani-aadmi, sidii baa loo sugayey. Maalin ay noqotoba in si daasi rumoobi doonto, waa la wada aqoonsanaa. Marmarka qaar koodna meel- meel baa lagaga guuxayey heesta ‘Iglan Xoola heedow’; hubaalna waxa ahaa in xayawaan kasta oo beerta joogey qaybsanaa heesta, in kasta oo midna aanu u lahayn kelyo in uu kor u qaado codka. Waxa la arkaa in nolol shoodu aad u adkeyd, himilooyinkii ay lahaayeen in aanay meel marin. Haddana, waxa ay dareensanaayeen in ay ka duwan yihiin xayawaanka kale. Haddii ay gaajoonayeen, sababtu ma ahayn naasnuujin ay naas nuujinayeen Bani-aadmi daallin ah; rafaad kooda midha hiisa wax kasta ha ahaadee, iyaga ayaa iska lahaa; waana la sinnaa oo midna kurna soconeyn laba addin. Xayawaanna weli uguma yeedhin mid kale ‘Sayid Kaygiiyow’. Hal kaas ayaa xaalka beertu marayey dharaartii ahayd xagaa horraan tiisa ee Iskuwiilar ku amray idaha beerta in ay soo daba galaan. Sidii uu u sii wadey ayuu geeyey meel cidla’ ah oo dhir yaryari ku tiilley. Hal kaas ayaa idulyu daaqayeen maalin taas oo iska dhan, iyaga oo Iskuwiilar ilaalinayo. Habeennimadiina, Iskuwiilar keligii baa ku laabtay guryaha. Hawada ayaa ahayd kaad oo idaha waxa uu ku amray in ay ku dhaxaan meel shooda. Si daas ayaan idahaba arag loogu yeelan muddo toddobaad ah. Iskuwiilar oo keli ah ayaa idaha u tegi jirey oo la soo joogi jirey maalinnimada in teeda badan. Xayawaanka kalena waxa uu u sheegay in uu barayo idaha hees cusub, taas oo u baahan in ay keli ahaadaan. Haddaba, galab galba haas ka mid ah oo iduhu mar kaas soo laabteen, xayawaanka kalena soo bogteen hawla hooda oo soo wada hoydeen, ayaa qolqolka beerta laga maqlay faras la dananaya fajac. Xayawaan kastiba halkii uu joogey buu la hogtay naxdin. Dananka oo ahaa codkii Koloofar, baa haddana mar labaad la maqlay. dananka labaad markii ay maqleen ayaa xayawaanku isku shubeen qolqolka guryaha beerta. Waxxii kaga fajiciyey Koloofar bay meel shaas ku arkeen. Doofaar ku socda labada addin ee danbe ayay arkeen. Hubaal bay ahayd oo doofaar kaasi, Iskuwiilar qudh dhiisa buu ahaa. Xoogaa dheeldheelli ah ayaa ku jirey socod kiisa, taas oo ku tuseysey in aanu weli baran sida uu kor ugu hayn lahaa culeys kiisa badan. Hase yeelshee, sidii uu ugu socday qummaati ayuu ka tallaabay qolqolka. Cabbaar yar daba deedna, waxa ka soo baxay guriga doofaarrada saf dhan oo doofaarro ah oo, sida ay u dhan yihiin, ku wada socda labada addin ee danbe. Qaar kood baa kuwa kale ka fiicnaa. Mid ama labana waa liicliicayeen oo, waxa ka muuqatey in ay jeclaan lahaayeen ul ay cuskadaan. Hase yeelshee, sidii ay u dhammaayeen, qolqolkii bay ku soo wareegeen, iyaga oo mid keli ahi aanu ka kufin. Ugu dambeys tiina waxa soo yeedhay gurxankii eyda iyo cidii dheereyd ee diigga madow. Naabooliyoon oo, sidii uu yahay boqor, qummaati ugu socda labada addin, ayaa mar kaas soo baxay, isaga oo si kibir iyo qabweynaani ku jiraan hadba dhinac wax u deyaya, qanjaafilaha lugaha horena u sudhan yahay shaabuug. Wax juuq iyo jaaq yidhaahdaba waa la waayey oo amankaag iyo argagax baa xayawaanka ka soo hadhay. Sidii ay iska dugsanayaan dhaxan, bay isku soo xoomeem, kuna dhaygageen safkii dheeraa ee ahaa doofaarrada. Iyaga oo mar kaas naxdin gooyey oo qaar kood ay ka suuroobi lahayd in ay qayliyaan, si ay u muujiyaan in aanay ka raalli noqon karin waxyaala haas oo kale – in kasta oo cabsida eydu meel sheedii ahayd, sannadihii badnaa ee tegeyna ay caadeysteen in aanay caban weligood, waaq qoodna wax faalleyn si kasta oo wax u dhacaan – mar kaas qudh dheeda ayaa qolqolku la dayyaamay bacaacdii idaha oo aad mooddo in seenyaale la siiyey. Waxa ay imminka la bacaac lahaayeen: “Afar Lugood Samaa, Laba Lugood ka Sii Samaa! “Afar Lugood Samaa, Laba Lugood ka Sii Samaa! “Afar Lugood Samaa, Laba Lugood ka Sii Samaa! “Afar Lugood Samaa, Laba Lugood ka Sii Samaa! Bacaac daas oo aan loo nasnasan baa socotey rubucsaace iska dhan. Goortii bacaacdu is-taagtayna, waxa ay ahayd goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen oo ay seegeen fursaddii ay ku muujin lahaayeen diidma dooda; maxaa yeelay, intii bacaacdu socotey ayaa doofaarradu dib ugu wada laabteen guri goodii. Xayawaanka oo meel shoodii hoganaya, ayaa Benjamin dareemay gafuur taataabanaya garba hiisa. Dib markii uu wax u jalleecay ayuu arkay Koloofar oo dhabar kiisa taagan. Iyada oo juuqba aan u odhan ayay guud kiisa yara jiidday oo u hor kacday xeradii weyneyd ee Toddobada Dardaaran ku qornaayeen. Laba dooda ayaa mar kaas is-hor taagay derbigii madoobaa ee xuruufta cadcadi ku qornaayeen. Koloofar oo hadalka ku horreyseyna waxa ay tidhi: “Benjaminow, waan indha darreeyey oo si fiican wax u arki maayo, berigii aan inta ka dhallin yaraana waxa meelsha ku qoran ma akhriyi kari jirin. Waxaadse moodaa in derbigu sidii hore ka duwan yahay ee Toddobada Dardaaran ma yihiin si doodii?” Intii uu noolaa, mar kaas oo keli ah ayaa Benjamin yeelay in uu jebiyo caada diisa oo akhriyey waxxii derbiga ku qornaa oo dardaaran keli ah isugu tegey. Dardaaran kaasina waxa uu ahaa: “Xayawaan oo idili waa siman yihiin, Waase la kala mudan yahay.” Si daas ayaanay wax lala yaabo u ahayn haddii maalintii ku xigtey doofaar kasta oo hawl kor meerayeyba ku sidtey qanjaafilaha shaabuug. Iyana waxa aan lahayn la-yaab markii la ogaaday doofaarrada oo iibsaday raadiye, kuna tala jirey in ay soo geliyaan guriga telefoon. Waxa kale oo aan lahayn la-yaab, doofaarrada oo macmiil ka dhigtay saddex wargeys; Naabooliyoon oo goorta uu temeshleynayo afka ku sidta beeb uu lahaan jirey Joonis; doofaarrada oo wada galshaday dharkii Joonis, iyada oo Naabooliyoon ku soo jufay koodh iyo surwaal, doofaaradda uu jeclaana soo galshatay toob xariir ah oo afada Joonis galshan jirtey maalmaha Axadaha. Toddobaad markii laga joogey goorta doofaarradu sheegteen mudnaanta, ayay beerta yimaaddeen dhawr gaadhi oo eeyi jiideysaa. Gawaadhi daas waxa la socdey ergo ah beeraleyda deris kooda ah oo lagu marti qaaday in ay ku soo wareegaan oo soo indha- indheeyaan Beerta Xayawaanka. Beertu sida ay u dhammayd baa lagu soo wareejiyey nimanka, wax kasta oo ay arkeenna aad bay ugu bogeen, gaar ahaanba Wershedda Dabaylsha. Mar kaas ergadu ku wareegeysey beerta, xayawaanku beerta ayay ka gurayeen haramada oo si baas bay u hawllanaayeen, iyaga oo madaxxaba kor u qaadi la’, kalana garan la’ doofaarrada iyo Bani-aadmiga, kooda u sii cabsi weyn. Maalin taas habeermima deedii, gurigii doofaarrada waxa ka soo yeedhay qosol iyo heeso dhaadheer. Markii codadka Bani- aadmiga iyo doofaarradu is-dhex galeen ayaa xayawaanku jecleysteen in ay ogaadaan waxa ka dhacaya guriga guda hiisa “Tolow maxaa ka dhacaya guriga guda hiisa, imminka oo ah markii u horreysey ee Bani-aadmi iyo xayawaan is-hor yimaaddeen iyaga oo siman?” Si daas markii ay is-weydiiyeen, ayay mar keli ah ku soo wada dhacday in ay u dhukusaan beertii yarayd ee guriga doofaarrada ku qabsanayd. Irridda beerta markii ay marayeen, bay baqdin la hogteen iyaga oo is-leh “Tolow hore ma u martaan mise maya?” Koloofar baa mar kaas hor galshay oo sidii ay u sii waddey u hoysay beertii yarayd ee guriga. Meelsha gurigu ahaa intii ay gaadhayeen oo dhan, qoobabka caaradooda ayay ku wada socdeen si ay u sanqadh tirtaan. Guriga markii ay gaadheen ayaa xayawaanka kuwoodii waaweynaa wax ka eegeen daaqad gurigu ku lahaa qolka lagu cunteeyo. Hal kaas ayay ku arkeen lix nin oo beeraley ah iyo lix doofaarrada kuwoodii u caansanaa oo hareera fadhdhiya miiska cuntada. Naabooliyoon waxa uu fadhidhiyey kursiga sharafka ee miiska madax xiisa ahaa. Doofaarradana waxa ka wada muuqdey in aanay ka sakatitin joogis taas ay la joogeen Bani- aadmiga oo kuraasi dooda bay si deggan ugu kor xasileen. Xayawaanka wax ka eegayey daaqadda, waxay ula ekaatay in turub la ciyaarayey, turub kaas oo mar kaas yara joogsaday si kabbooyin khamri ah oo la isku hambalyeeyo loo cabbo. Qarrog weyn oo biire ka buuxo ayaa mar kaas la wareejinayey oo jaafaf laga buuxsanayey. Si daas ayaan cidiba u dhaadin wejiyadii yaabsanaa ee wax ka soo eegayey daaqadda. Bilkinton baa mar kaas sara joogsaday, isaga oo gacanta ku haysta jaafka, wuxuuna yidhi: “Mar dhow baan soo jeedin doonaa in khamriga shifo lagu af saaro, iyada oo cabbis taas lagu sharrifayo waxyaalo aan kol dhow taaban doono. Waxaanse jeclahay in aan ka horreysiisto dhawr erey oo waajib keygu yahay in aan meel shan ka idhaahdo. Waxa aan jeclahay in aan hal kan ka caddeeyo sida aan ugu bogay, aniga oo huba in cid kasta oo maanta meelsha joogtaaba si daas oo kale ugu bogtay, in ay dhammaatay muddo dheer oo kalsoon- darro iyo is-af-garasho-waa faafeen. Waqti baa jirey yedleyaalsha sharafka leh ee Beerta Xayawaanka loo hayey wax aanaan ku tilmaami karin cadaawad, aanse ku sheegi karo shaki iyo aammin-darro; in kasta oo aniga iyo saaxiiba dayda hal kan fadhdhiyaa aannaan la qabin beeraleyda kale si daas. Shilal badan oo ayyaan-darri ku yimi waa dhaceen, fekrado qalloocanina waa fideen. Taas waxa ugu wacnaa iyada oo la is- moodsiiyey in beer doofaarradu leeyihiin oo maamulaan tahay wax ka baxsan dhaqanka oo u hor seedi kara beeraha kale xasillooni-la’aan. Beeraley badan baa is-moodsiisay, iyaga oo aan waxba sii baadhbaadhin, in anshax-xumo iyo nidaam-darro ku badan doonaan beerta cayn kaas oo kale ah. Aadna waxa ay uga baqsanaayeen cidhb-xumada ay ku reebi doonaan caadooyin kaasi xayawaan kooda iyo shaqaala hooda. Shakiya daasise imminka ayay wada baxeen. Maantana aniga iyo saaxiibbaday baa soo booqqanay beerta oo, taako kasta oo beerta ah soo indha- indhaynnay, ee maxaannu aragnay? Waxa aannu aragnay in aan beerta lagaga shaqayneyn hab beer lagu falsho kii u danbeeyey oo kali ah ee, in lagu maamulo nidaam iyo hannaan waajibku yahay in beeraleyda kale kaga daydaan. Mana gefsani, bay ila tahay, haddii aan halkan ka caddeeyo in xayawaanka hoose ee joogaa Beerta Xayawaanka qabtaan hawl ka daran hawlaha xayawaanka beeraha kale qabtaan, iyaga oo la siiyo cunto ka yar cuntada la siiyo kuwa kale. Runta haddii aan ka marona, aniga iyo saaxiibba dayba indha-fur baa booqashadu noo noqotay oo, waxa aannu aragnay waxyaalo badan oo aannu damacsan nahay in aannu beera hayaga ku soo rogno. Hadal kayga waxa aan ku soo dhammeynayaa aniga oo ku celcelinaya in saaxiibtinnimada Beerta Xayawaanka iyo beeraha kale sii jirto, iyada oo la ogsoon yahay in aanay hore u dhacin, dibna aan loo baahnayn in ay timaaddo, sabab doofaarrada iyo Bani-aadmigu isaga hor yimaaddaan. Maxaa wacay, dhibaatooyin baa inna wada haysta oo aynnu wadaagnaa. Ogow oo miyaanay dhibaatada shaqaaluhu isku mid ahayn, meel kasta ha la joogee? Haddii dhibaata diinnu tahay fara-ku-haynta xayawaan kiinna hoose, anaguba waxa aannu leenahay dabaqada hayaga hoose!” Ereyya daas baa shirka kaga wada qosliyey. Qosolku markii uu joogsaday ayaa Bilkinton mar kale ku hambalyeeyey doofaarrada, saacadaha badan iyo rabshad la’aanta uu ku arkay beerta. In taas markii uu yidhi, ayuu weydiistay shirka in ay sara joogsadaan oo buuxsadaan jaafafka. Hadal kiisiina waxa uu ku soo dhammeeyey oo yidhi: “Odeyyaal, shifo ku af saara oo u cabba in Beerta Xayawaanku barwaaqowdo.” Ereyyadii Bilkinton baa ku dhex dhaliyey shirka farxad lala dildillaacay oo lala shirbeeyey. Naabooliyoon oo u bogey hadalka Bilkinton, meel shiisii buu ka soo dhaqaaqay si la isu taabsiiyo jaaf kiisa iyo kan Bilkinton, inta aan la laacin, sida caadadu tahay. Qosolka iyo sanqadhdhu, markii ay demeen ayaa Naabooliyoon oo weli sara joogey muujiyey in isaguna rabo in uu dhawr erey ka yidhaahdo meelsha. Hadalkii uu meelsha ka jeediyey mid gaaban oo ujeedda diisa markiiba taabanaya ayuu ahaa. Halkiina waxa uu ka sheegay; in uu la qabo Bilkinton farxad daas ah muddadii dheerayd ee is-af- garan-waagu jirey oo dhammaatay; in uu ogsoon yahay, in muddo badan, cadow faafinayey in isaga iyo saaxiibba diisu leeyihiin ujeeddooyin baabi’is, kharribaad, amase, kacaannimo ah; in isaga iyo saaxiibba diiba loo nisbeeyey in ay isku deyayaan sidii ay u kacaamin lahaayeen xayawaanka ku nool beeraha deris kooda ah. Shirkiina waxa uu hal kaas uga caddeeyey in dicaayad daasi aad uga durugsan tahay runta; in dan toodu hore u ahayd, imminkana tahay in ay nabadgelyo kula noolaadaan deris kooda, xidhiidh ganacsi oo caadi ahna la yeelshaan. Iyana waxa uu meelshii ka caddeeyey in beerta uu madaxda ka yahay, tahay beer is-kaashato leedahay oo sida mulkiyadda beertu dhigayso, doofaarradu u leeyihiin yed. Weliba waxa uu in taas ku daray in uu rumeysan yahay in shakigii laga qabi jirey beer tooda dhammaaday, hase yeelshee, in uu durba wax ka beddeley habka lagaga dhaqmi jirey beerta si uu u sii xoojiyo kalsoonida Bani-aadmiga. Isaga oo arrin taas sii daba jooga ayuu ku waramay in beertu leedahay hiddo nacasnimo ah oo xayawaanku isugu yeedho ‘Jaalle’. Hidda haas, oo imminka marka laga bilaabo, la baabi’in doono. Waxa kale oo meelshii uu ka sheegay in ay jirto caado kale oo lala yaabo, meelsha ay ka bilaabantayna cidiba ogsooneyn oo, xayawaanku ku meereystaan Axad kasta doofaar beri hore dhintay madax xiisa, kaas oo ku misbaaran beerta yar ee guriga deyr keeda. In caada daas la joojiyey oo madax xiiba la aasay ayuu iyana meelshii kaga dhawaaqay. Arrintii kalsooni-doonka isaga oo sii wadtana waxa uu yidhi: “Waaba la arkaa in aydin dareenteen is-beddelka ku dhacay calanka cagaaran ee birta sudhan. Haddii aydin u fiirsateen is- beddel kaas, aragte in qoobkii iyo geeskii cadcaddaa ee ku sawirnaan jirey calanka la baabi’iyey. Imminka iyo waxxii ka danbeeyana, calanka beertu waxa uu noqon doonaa cagaar saafi ah. In taas waxa aan ku darayaa arrin yar oo aan ku diiddanahay ereyyadii wanaagga iyo derisnimada fiican lahaa ee Bilkinton soo jeediyey, taas oo ah Bilkinton oo mar walba carrabka ku dhufanayey magacca ah ‘Beerta Xayawaanka’. Runtiina, ma ay jirin si Bilkinton u ogaan karo is-beddelka dhacay; waayo, imminka ayaan ku dhawaaqayaa in la tuuray magaccii beerta ee ahaa ‘Beerta Xayawaanka’. Imminka iyo waxxii ka danbeeyana beerta magac ceedu waxa uu noqon doonaa ‘Beerta Maanor’, kaas oo ah, sida aan u maleynayo, magac ceeda runta ah.” Hadal kiisa waxa uu ku soo gebagabeeyey oo yidhi, “Odeyyaal, waxa aan soo jeedinayaa in aydin u cabtaan arrintii aydin horeba u cabteen, aniga oo mar kan sidii hore si ka yara duwan u dhigaya. Buux dhaafiya jaafafka, shifona ku af saara oo u cabba in Beerta Maanor barwaaqowdo!” Sidii, horeba farxad loola dildillaacay, baa mar kanna loo farxay, jaafaf kiina sidii hore ayaa loo heensaday. Xayawaankii wax ka daawanayey debedda, waxay la noqotay in wax dhabannahays lihi meelsha ka dhacayeen. Tolow, maxaa iska beddelay wejiyada doofaarrada, oo ay isla dooriyeen? Koloofar oo, hinbiriirsi wax ku arkeysey, wejiyadii bay hadba mid eegtay. Qaar kood shan gadh bay la yeesheen, qaar afar, qaama saddex. Muxuuse ahaa waxa doofaarrada ka maydhmay ee ay la doorsoomeen? Mar kaas oo farxadda iyo sanqadhdhu joogsadeen, ayaa nimanka iyo doofaarradu dib ugu laabteen turubkii ay cayaarayeen. Xayawaankiina, iyaga oo aammusan bay dib u sii dhukuseen. Labaatan tallaabo iyaga oo aan ka fogaan guriga bay hal koodii ku qallaleen, markii ay maqleen qaylo iyo buuq codad is-dhex galay ah oo kaga yimi barbarka gurigu ka xigey. Hal kaas ayay degdeg ugu laabteen daaqaddii ay wax ka eegayeen. Hubaal bay ahayd oo waa la dagaallansanaa. Qub iyo qaylo, miiska oo la garaaco, daymooyin qoonsimaad iyo dafiraadba leh – intuba meelsha ayay taagnaayeen. Sababta ay u dagaallansanaayeen waxa ay ahayd Naabooliyoon iyo Bilkinton oo mar wada dhigay laba yeeke oo isbig ah, jaad kaas oo lahaa hal yeeke oo keli ah. Laba iyo toban cod baa mar keli ah wada dhawaaqay, iyaga oo wada xanaaqsan. Laba iyo tobankuba waa isu ekaayeen. Imminka ayaa xayawaanku garteen, muranna kagama jirin, is-beddelka ku dhacay wejiyada doofaarrada waxa uu ahaa. Hadba doofaar bay ka jeesteen oo ku jeesteen Bani-aadmi, ka jeesteen Bani-aadmi oo u jeesteen doofaar, ka jeesteen doofaar oo u jeesteen Bani-aadmi. Mar kaaba waxa u suura geli waayey in ay kala soocaan kan doofaarka ah iyo kan Bani-aadmiga ah. Bayaamin Daabacaadda Labaad BAYAAMIN DAABACAADDA LABAAD Waa maxay sheeko suugaaneed sooyaal ahi (classical literature)? Maxay tahay sababta loo akhriyaa sheeko sooyaal ah sida “Beerta Xayawaanka”? Muxuu sii arkay Joorj Orwel markii uu qorey sheekadan? Maxaase maanta ka dhigay lama huraan in dib loo daabaco? Maxay macno ku samaynaysaa iyada oo Soomaali ku dhigan? Sheeko ama curis waa sooyaal haddii akhriska farriinta ay sidaan uu kugu yeesho saamayn; saamayntaas oo hagta ficilladaada, oo adiga oo aan is ogayn in aad jilayso, haddana raaca hilinkii ay sheekadu u raacday marka uu arrin la mid ah kan sheekadu ka hadlaysaa uu kula soo gudboonaado. Mararka qaarkood nuxurka sheekadu maskaxdaada wuu ku sii nagaadaa oo lama ilaawo muddo, marna xitaa haddii aad illowdo sheekada lafteeda, waxa ay wax kaga sii hadhnaadaan laamaha hoose ee xusuustaada. Sheeko sooyaal ahi waxay saamaysaa fikirkaaga iyo is ahaanshahaaga, waxayna sallaan dhex dhigtaa ama silsilad isugu xidhaa waqtiyo kala fog tiro ahaan, sida qamigii tegey iyo ka jooga, oo ay usu soo dhoweysaa amaba isasaartaaba. “Beerta Xayawaanka” waa sheeko sooyaal ah, waa xus siyaasadeed (political allegory) oo daaha ka faydaysa taariikhdii iyo xaqiiqyoonkii uu ku salaysnaa kacaankii Midowga Soofiyeedku, iyo sida uu markii danbe ku noqdey kali-talis. Waa maadays siyaasadeed (political satire). Waa maldahaad dhacdo siyaasadeed oo loo qorey sidii sheeko-baralay habar dugaag dhexmartay. Waase yeedhmo qalbiyada dadka kusoo jeedinaysa, oo ka digaysa, halista in si qaldan loo adeegsado awoodda maamulka, kuna baraarujinaysa bulshadu in ay ka digtoonaadaan, oo xakame u noqdaan, kolba ciddii awoodda loo dhiibaa, in aanay awooddaas ku tarki falin. Waxa sheekadan ka dhigaya sooyaal, waa sida ay dhaqankii iyo falalkii Istaalin ku majarahabaabiyey himilooyinkii kacaankii Ruushku ay meel kasta iyo mar kasta u soo noqon karaan. Bal u fiirso isu ekaanshaha sheekadan iyo sida himilooyinkii ay Soomaalidu lahayd dabayaaqadii 1960eeyadii loo majara habaabiyey ee lagu ragaadiyey kacdoonkii maskaxeed ee bulshadu samaysay? Sheekada “Beerta Xayawaanka” waxa ay tahay in loo akhriyo, oo waliba dhallinyaradu u akhrido, waayo waxa ay taabanaysaa habdhaqanka inta badan ee mas’uuliyiinta xilka lagu aamino meel kasta ha joogaan, midab kasta ha yeeshaan, ama mar kasta ha jiraane. Joorj Orwel wuxuu sii arkay in jileeca dadka ay ka mid tahay in marka ay xilka qabtaan wixii hammiga guud ahaa iyo himilooyinkii sarsare ay ka jeestaan, oo dan gaar ah ka hormariyaan. Haddii markii hore ee habar dugaag halganka ku jirtey lagu heshiiyey in “Xayawaan oo idiliay siman yihiin”, haddana markii guushu timi intii maamulka qabatay waxay u beddeshay “Haa, Xayawaan oo idili way siman yihiin, waase la kala mudan yahay.” Taasi waa halis mar walba taagan oo ah in laga feejignaado. Joorj Orwel waxa uu ka digey in bulshadu u dhego nuglaato cidda ay maamulka u dhiibato; waxa uu ka digay in bulshadu ka fogaato in ay cod siman ku tidhaahdo “Waxan kuugu nidar galay, isagoon nis weynaan, ‘Nacam’ kugu yidhaahdo.” Haddii taasi timaaddo, oo arrinku markasta ku biya shubto “caynaanka hay, waligaa hay”, waa cawaaqib xumo ayuu inooga digayaa qoraaga sheekadu. Farriinta sheekadu waxa weeye dugmo-u-yeelasho ka dhexaysa bulshada iyo inta yar ee ay bulshadu danaheeda ugu dhiibato in ay u maamulaan. Kuwa ay tahay labada in ay dhego nuglaadaan waa kuwa maamulka loo dhiibo. Waa taa farriinta buuggu. Kacdoonka xayawaanka ku nool beerta Orwel waa mid waaqici ah oo ay tahay in maskaxda dhallinyaradu ku feejignaato mar kasta iyo meel kasta. Sheekada sooyaalka ahi, sida “Beerta Xayawaanka”, waa ta mar kasta oo aad akhrido wax cusub kuu sheegta oo kusoo jeedisa. Waa farriin aan duugoobayn. Haddaba in uu Maxamed Yuusuf Cartan ku fekero in uu turjumo sheekadan sooyaalka ah sannado yar uun ka dib kacaankii millateriga ahaa ee maroorsaday xukunka dowladdii Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa ay marag ka tahay heerka fekerka ee bulshadu sida uu u feejignaa horraantii 70eeyada. Qiyam sare oo watay himilooyin sarsare oo bulshadu lahayd ayaa jirey. Markii uu buuggu soo baxay waa la mamnuucay in dalka la keeno, turjumahana waxa lagu handiday xadhig iyo in uu dhibaato mudan doono marka uu dalka kusoo noqdo. Sida aan cid kale waddadiisaa u marin, ee aan waxna loo qorin waxna la turjumini, waxa ay ka marag kacaysaa sida ay dawladdii Maxamed Siyaad Barre u baabi’isay nashaad iyo dhaqdhaqaaq fikir oo kasta, ummaddana u marisay jid qalloocan. “Beerta Xayawaanka” waxa uu Joorj Orwel si farshaxannimo leh ugu sheegayaa saddex arrimood oo aasaasi ah: 1. Musuqmaasuqa iyo ku tagrifalka Awoodda; 2. Kacaanku wuxuu ku siqaa marka danbe in uu isagu isku koobnaado oo ummaddii dhalisay ka fogaado; 3. Xitaa dadka qiimaha leh ee marka hore himilooyinka wanaagsani waxa ay halis u yihiin inay ku dhacaan khatarta bini-aadamiga ee ah xukun jacaylka iyo ku fara adayga hoggaanka. In maanta dib loo daabaco buuggan isaga oo Af-Soomaali ah waxa ka dhigay lagama maarmaan waa baahida loo qabo in, gaar ahaan dhallinyaradu, ka feejignaato cid kasta oo xukunka loo dhiibo habdhaqankeeda. Waa in bulshadu ku baraarugsanaataa halista markasta hadhqoodaarka soo taagan ee ah in danta guud laga hormariyo ta gaar ahaaneed, in lagu amar-kutaagleeyo awoodda qaranka, oo kolba kuwa markaa xukunka doonayaa inta ay awrka ku kacsadaan bulshada inteeda kale, haddana marka guushu timaaddo ee ratigu isu taago, ay illaawaan sababtii loo soo halgamay. Akhriska Af-Soomaaligu lagu akhriyaa Orwel waxa ay siinaysaa fursad inta ugu badan ee dhallinyaro ah ee maanta waddanka gudihiisa ku nool. Waxana uu gaadhsiinayaa farriinta ah in danta guud loo feejignaado oo marinhabowga laga ilaaliyo. Fanka iyo suugaantu ay ka mid yihiin kuwa ugu halista badan, maadaama ay dadka dareenkooda iyo dookhooda – wax jeclaysiin iyo wax nebcaysiinba – si xooggan u soo jiidan karaan. Waana halkaas qiimaha gaar ahaaneed ee la siinayo sheekada Joorj Orwel curiyey qarnigii labaatanaad horraantiisii. Midowga Soofiyeeti iyo talis-xumidii ka taagnayd ee buuggani tilmaamayey, in kastuu burburay, haddana buuggani wuxuu mar walba si toos ah u abbaarayaa ‘Talisyada Macangagga ah’ ee adduunka ka jira maanta, muddo dheerna ka jiri doona. Tan dadkeena iyo dalkeenna haysata ama ku iman kartaana waaba innaga sii xag jirtaa. Waxay dhallinyarada iyo jiilasha soo koraysaba qasab kaga dhigaysaa ka wa-warqabid iyo taxadaddar joogta ah in loo yeesho arrimaha xasaasiga ah iyo sida bulshada aayaheeda lagu maamulayo. Waxa aannu ku kalsoonahay in dib u daabacaadda buuggan, oo markii kowaad lagu soo saaray dalka Masar 1979 kii, ay wax wayn ku soo kordhin doonto abuurista jiil cusub oo waddiniyiin ah, oo fikirkoodu ku salaysan yahay iswaydiimo iyo faaqidaad ay ku sameeyaan hab nololeedka bulshada ay ku dhex nool yihiin, kuna xisaabtama in ay wax ka beddelaan oo cod ku yeeshaan aayo ka talinta mustaqbalka waddankooda. Jaamac Muuse Jaamac Dabadhah: Kumuu Ahaa Maxamed Yuusuf Cartan? DABADHAH Kuma ayuu ahaa Maxamed Yuusuf Cartan? Maxamed Yuusuf Cartan (Miyiga Sanaag, 1939 – Daryaale, 2010) Alla ha u naxariistee, Maxamed Yuusuf Cartan wuxu ku dhashay gobolka Sanaag, sanadkii 1939, waxbarashadiisii dugsiga hoose wuxu ka bilaabay magaalada Ceerigaabo 1949, ka dib dugsiga dhexe iyo sare wuxu ku qaadtay magaalada Sheekh isaga oo ahaa dufcaddii ugu horreysey ee ka qalinjabisa Dugsiga Sare ee Sheekh sanadkii 1960. Wuxu waxbarasho ugu baxay dalka Britaaniya isaga oo loo direy cilmiga joolajiga (geology), haseyeeshee isagoo aan dhammaysan ayuu ka soo noqday, sanadkii 1963 wuxu waxbarasho u tegey dalka Maraykanka, halkaas oo uu ka soo qaadtay derajada (Master of Science) cilmiga Korodhka Dadka (Demography). Wuxu shaqo ka bilaabay wasaaraddii Qorshaynta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu noqday Agaasimaha Waaxda Tirakoobka (Department of Statistics). Maxamed Yusuf wuxu ahaa sarkaalkii madaxda ka ahaa tirakoobkii ugu horreeyey ee laga qabtay Jamhuuriyadda Soomaaliya sanadkii 1974, xukunkii Siyaad Barre ma jecleysan natiijadii ka soo baxday tirakoobkaas, waxana Siyaad Barre amar ku siiyey Maxamed Yusuf inuu tirada kordhiyo kuna fadhiisiyo macluumaadkii uu kacaaanku ku sheegi jirey khudbadihiisa. Haseyeeshee inuu foorjari ku sameeyo natiijadii dhabta ahaa way u cuntami weydey Maxamed Yuusuf Cartan, waxaana hakad abadi ahi ku yimid soo bixitaankii natiijadii rasmiga ahayd ee tirakoobkaas. Kolkii amarkaasi yimid, Maxamed Yuusuf wuxu tababar kooban ugu baxay dalka Biritaaniya sanadkii 1975, kolkaas oo uu go’aansaday in aannu Jamhuuriyadda Soomaaliya dib ugu soo laaban inta Maxamed Siyaad Barre ka arriminayo. Wuxu shaqo ka bilaabay dalka Sucuudi Carabiya halkaas oo uu khabiir ahaan ugu shaqeynayey Sanduuqa Warshedeynta Sucuudiga (Saudi Industrial Fund) muddo ku siman 14 sannadood. Intii uu Sucuudiga ka shaqayenayey ayuu bilaabay tarjumidda buugga Beerta Xayawaanka, waxa tarjumuhu qisada buuggaas ka dheehday siday isugu eg yihiin sheekada buugga iyo dhaqanka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waqtigaas ka jirey, wuxuna dareemay in turjumidda buugani dadka Soomaalida u ifinayso sawirka dhabta ah ee Maxamed Siyaad Barre iyo kacaankiisa. Maxamed Yuusuf Cartan wuxu ka mid ahaa xubnihii ku sugnaa Sucuudi Carabiya ee aasaasay Ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (Es.En.Em – SNM). 1991 kii ayuu dalka ku soo laabtay, wuxuna beer ka samaystey tuulo beereedka Daryaale ee ku taalla galbeedka Ceerigaabo ee uu maro togga dudurka ah ee la yidhaahdo Biyo-moog. Intii uu dalka ku soo noqday 1991 ilaa geeridiisii 2001, wuxu si weyn uga qayb galay nabadeynta beelaha Sanaag, dhismaha maamulka magaalada Ceerigaabo, horumarinta adeegyada aasaasiga ah gaar ahaan caafimaadka iyo waxbarashada isaga oo ka mid ahaa Guddiga Horumarinta Gobolka Sanaag. JALDIGA GADAAL Beerta Xayawaanka, oo ah buuggan aannu markii u horreysey ku soo bandhigaynno Af Soomaali, waxa uu ka sheekeynayaa sida koox xayawaan ah oo ku noolayd beer mar keli ah uga gilgilatay dulmigii Bani-aadmigu ku hayey. “Kacaan weeye arrinta innala gudbooni,” markii ay yidhaahdeen, ayay dabada kaga dhaceen Bani-aadmigii addoonsan jirey ee iyaga uun ku kor noolaa. Hase syeeshee, yididdiilo kasta oo hore ay u qabeen iyo himilo kasta oo ay lahaayeen waxa ay baabe’een markii xukunku u galay gacanta koox xayawaanka ka mid ah oo taladeedii noqotay been, musuqmaasuq, dil iyo argagixis ay kula kaceen xayawaanka kale. ‘Bulshadii sinnaatay ee ka xorowday gaajo iyo karbaash, bulshadii mid kastiiba shaqeynayey inta tamartiisu tahay, bulshadii kooda xoogga weyni ilaalinayey kan taagta daran’ ee ay higsanayeen waxa ay ku danbeysey ‘goor ey bahalo ah oo gurxamayaa meel la arko ku meereystaan; goor ay cid walba sandulle ku noqotay in ay daawadaan jaallayaashooda oo hortooda xubin-xubin loogu jarjarayo.’ Maxamed Yuusuf Cartan Daabacaadda labaad ee turjumaadda buugga Animal Farm (Beerta Xayawaanka) waxa uu kow u yahay taxane cusub oo la yidhaahdo “Iswaydaarsi”. Waa suugaan xul ah oo caalami ah oo loo turjumayo Af Soomaali iyo suugaan lagu curiyey marka hore Af Soomaali oo loo turjumayo afaf kale. Waa wax iswaydaarsiga aqoonta, xaddaaradda, dhaqanka iyo cilmiga bulsho ee adduunwaynaha. Jaamac Muuse Jaamac ISBN 978-88-88934-20-4 51750 9 788888 934204 RED5EA-ONLINE.COM/BOOKS 17.50 Yuuro