Category Archives: Aw-Jaamac Cumar Ciise

Qaranjabkii Soomaaliya

Tusmada

Gogoldhig iyo Xog Waran

Ummadda Soomaalidaa caalamku wuxuu u haystey shacbi isku mid ah, isku isir ah, wada dhashay, isku diin ah boqolkiiba-100 Muslin ah, isku af ah, luqo keli ku wada hadla, isku dhaqan ah. Hase ahaatee, qarnigaan 20aad dabayaaqadiisa waxaa soo if baxay sidii loo haystey fikrad ka duwan, waayo? Waxaa lala yaabay sidey isu gumaadeen, isu dhaceen, u heshiin waayeen; iyo naxariis la’aanta, nacaybka iyo colaadda fogaatey oo ay isu qabaan.

Haddaba, mar hadday ummadi weydo madax aqoon leh eex iyo caadifad qabiil ka fiyoow oo dalkooda iyo dadkiisa daacad u ah, una hagar baxda, waddada toosanna ku hagaajiya, wanaagga ugu yeera xumaantana ka reeba, waxaa hubaal ah in ummaddaas dhexdeeda kala-jajab iyo kala-yaac ku dhacayo.

Waxaan marar badan xusnay 1990kii ilaa 1994kii in ay dalka Soomaaliya ka dhacday wax aan horey dhegi maqal dhaayana loogu arag, taariikhdana loogu sheegin waxa buugani qoraayo haddii loo eego wixii Soomaaliya ka dhacay markii 100 meelood loo qaybiyo meel ahaan ka yar, hase ahaatee waaya arag baa yiri, “Shilkii dhacaba waayaha danbaa sheeko ka hartaa.”

Haddaba, qofkii maanta is yiraahda masiibadii Soomaaliya ku habsatey iyo mashaqadii dagaalladii qabiil sababeen wax ka qor, waxa uu la mid yahay qof dhoobo dhiiqa ah cagaha la galay, waa qof diyaar u noqday cay iyo ammaan, cambaarayn iyo bogaadin, waayo? Waxaa suuragal ah in dadweynuhu buugaag u bogo oo ammaanaan, waxaa la arkaa in dadka qaarkiis dhaliilaan markey ku arkaan wax aaney jeclayn, ama ka waayaan wax ay jeclaan lahaayeen, sababtuna waxaa weeye maahmaahdii ahayd, “Maan dad waa mudcanyo afkood,” ama “Wixii nin la toosani nin la tuur leh.” Sidaa darteed, garsoorka waxaa ku filan dadweynaha, siiba qoreyaalka iyo aqoonyahannada.

Qoraagu wuxuu isku hawlay in uu wax ka iftiimiyo dhacdooyinkii taariikheed ee Soomaaliya ka dhacay 1960kii ilaa 1994kii gaar ahaan burburkii dawladeed iyo baabi’ii deegaan, kala-jajabkii shacbi iyo guud ahaan qaranjabkii Soomaaliya. Buugga waxaa loo qaybiyey afar waaxood oo waax walba gaarkeeda u habeysan tahay, wuxuu buuggu ku qoran yahay af-Soomaali fudud oo dadku wada fahmi karo.

Waaxda koowaad waxay si kooban uga warramaysaa gobanima qaadashadii Soomaaliya tan iyo Kacaankii guusha ku bilowday guul darradana ku dhammaaday.

Waaxda labaad waxay ka hadlaysaa hawlgalladii lagu dumiyey dowladii Soomaaliya iyo ururadii qabiil ee mucaaridka ku ahaa.

Waaxda saddexaad waxay si kooban uga warbixineysaa dagaalladii qabiil iyo dhibaataday abuureen iyo darxumadii ka dhalatay.

Waaxda afraad waxay faallo ka bixineysaa heerkii Soomaaliya gaartey halkeyse maanta adduunka ka joogto, masiibadii ku habsatay iyo sidii caalamku ugu soo gurmaday.

Buugga waxaa lagu habeeyey hab dhaqankii Soomaalida, waxaa ku jira suugaan fara badan oo dhaxalgal ah: gabayo, maahmaah iyo halqabsi. Qoraagu wuxuu door biday in aan magaca qabiil la qarqarin, waayo qabiilku waa dabkii Soomaaliya gubey, buugga ka hadli maayo siyaasadihii reer Galbeedka ee guracnaa iyo shaxdii Soomaaliya loo degey.

1990kii ayaa idaacadda Bii.Bii.Sii-da barafasoor Soomaali ah, waayo arag ah waxay weydiisey su’aal ah: sidee aayaha Soomaaliya noqon doonaa, jabhaduhuse ma dhaami doonaan taliska jira? Isagoo isticmaalaya jawaab dadban wuxuu yiri, “Waxay ila tahay intaan samada la tegin waa in cadaabtii la tagaa, markii cadaabta laga soo baxo waa laga yaabaa in wax hagaagaan.” Haddaba, iyadoo xilligii dowladdii Maxamad Siyaad Barre madaxda ka ahaa dhacday ka soo wareegtey afar sano oo cadaab adduun ah, ciidamadii Qaramada Midoobey la gudoomay in ay Soomaaliya ka baxaan, ayaan u muuqan mustaqbal wanaagsan oo lagu yididiiloodaa arrintu siday noqon doontana Eebbaa og.

Continue reading Qaranjabkii Soomaaliya

Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

Hordhac

Sida la og yahay ummad kasta oo af, dhaqan iyo hidde wadaagta waxay leedahay murti iyo suugaan u gaar ah oo ay ku hirtaan. Hal-abuurayaasha dejiya suugaantaasna waxaa la og yahay iney door weyn ka cayaaraan isuduwidda, kicinta iyo horumarinta ummaddaas.

Sayid Maxamed wuxuu ka mid yahay abwaannada waaweyn ee taariikhda Soomaalida meel ka galay. Taasna waxaa u aqoonsan dadkiisa iyo dadyowga kale markay u sugnaatay inuu ahaa geesi waddani ah, gabyaa aftahan ah, buuni cilmi leh, siyaasi xirribbo badan. Intaaba waxaa marag u ah gabayadiisii jaad walba leh, waxaana garan kara qofkii murtidiisa dhuuxa marka laga eego xagga suugaanta, siyaasadda, wadaninnimada iyo aftahannimada ku jirta.

Diiwaankan waxaa ku qoran 120 gabay oo Sayid Maxamed tiriyey intii u dhexeysay 1904tii – 1920kii, iyo 16 gabay oo gabayada Sayidka xiriir la leh. Guud ahaan waxay gabayadaasi muujinayaan dhaqankii Soomaalida iyo heerkii suugaantu waqtigaas joogtay. Wixii gabay, geeraar iyo jiifto Sayidka laga hayey, oo saddex cay ah oo gaaban nisbadooduna aynan sugnayn ma’ahee, intii kale halka ayey ku dhan yihiin.

Marka waxbarasho guud mooyee, waxay gabayadu albaab weyn u furayaan qoraalka suugaanta af-Soomaaligu hodonka ku yahay. Waxayna dhaxal u noqon doonaan dadka danbe ee wax qori doona. Kuwaas oo buuggan ka heli doona tusaalooyin badan oo waxtar u leh.

Odayaashii tan iyo muddo dheer u guntaday inay uruuriyaan ka dibna qoraan buuggan, waxaa sharaf iyo abaalmarinba ugu filan inay wariyeen wixii mahadho Sayidka laga hayey, anaguna waxay naga mutaysteen mahad iyo ammaan.

Jaale Maxamed Aadan Sheekh
Xoghayaha Dowladda
Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Continue reading Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

Hordhac

Taariikhda Sayid Maxamed waa taariikhda dhaqdhaqaaqa Daraawiishta gudaheeda oo muddo 21 sano ka soo horjeedday qabsashada isticmaarka ee Dalka Soomaaliyeed. Maanta waxaa marag ma-doonto ah in dagaalladii Daraawiishta ay ahaayeen kuwo gobonnimo doon ah oo ku dherarsan jiitintii halganka Ummadda Soomaaliyeed ay u soo martay madax-bannaanideeda kunkii sano oo aynu soo dhaafnay.

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu ahaa geesi aan gabbasho aqoon, xeeldheere diineed oo dood adag iyo gabayaa fiiro iyo fahmaba ku ebyanyihiin. Sifaalahan wada-jirkoodu waxay siiyeen Sayidka shakhsiyad la yaab leh oo tayi sare ah. Shakhsiyaddaa qudheedu waa tan u suura gelisay inuu Sayidku, kor u hayo calankii jihaadka muddo sidaa u dheer.

Si buuxda uma ayaan dareemin taariikh-qoreyaashii hore qiimaha gaarka ah ay leedahay gabayaanimadii Ina Cabdulle Xasan, marna ma ay garan xoogga aydiyoolojiyada iyo doodda caaradda leh ee ku dheehnayd tixihiisa iyo tiraabkiisa. Taariikh-qoreyaashii hore waxay dabciga Sayidka ka falanqeeyeen xagga wadaadnimadiisa, iyagoo taas sabab uga dhigaya dad-qalaad-nacaybka ku jiray iyo arrinta qur ah ay Soomaalidu ku raacday dhaqdhaqaaqa Daraawiishta.

Waxaa run ah inuu Sayidku ka dhiidhiyey xukunkii dalka Soomaaliyeed oo dad qalaad gacanta ku dhigay. Wuuna rumaysnaa inuu yahay waajibka sare ee qofka Soomaaligu inuu dhulkiisa xoraynta, una soo celiyo sharaftii iyo maamuuskii Ummadda Soomaalida ay lahayd isticmaarkuna waxyeelleeyay. Sayidku waxay ula muuqatay in Daraawiishtu dagaalkaa ay ku leedahay safka hore. Sidaa awgeed, waxaa xusuus gaar ah mudan Iimey oo ah meeshuu Sayidku ku geeriyooday 1921kii isagoo ku tala jiray inuu colal cusub isu keeno oo dagaalkii xoogagga gumeysiga uu kula jiray cusboonaysiiyo, isla magaaladaa Iimay waxay ahayd meeshuu 30 sano ka hor 1891 uu qabsaday Ras-Mokaneen, naa’ibkii Menelik oo fadhiyay Harar, si uu u cuna-qabateeyo xornimada Ummadda Soomaaliyeed. Arrimahan wax uun iskooda isugu beegmay ma aha. Waxayna ka markhaati kacayaan tixnaanta halganka Ummadda Soomaaliyeed iyo himilada taaganta ah ay midnimadeeda ugu jirto.

Inkastoo aanu buuggani Sayid Maxamad iyo noloshiisii gaar u ahayn ee uu guud ahaan taariikhdii Daraawiishta uga warramayo, haddana Sayid Maxamad baa Daraawiish abuuray calankana u sidey.

Sheekh Jaamac Cumar Ciise oo wax badan isku taxallujiyay ururinta murtida iyo taariikhda Daraawiishta, wuxuu ku dadaalay inuu buuggan ku soo shaac baxsho dhinacyo badan oo ku saabsan taariikhda Daraawiishta oo aqoon habboon aan hore loogu lahayn; waxaan shaki ku jirin in sidaa aawadeed, aqoonyahannada iyo guud ahaan dadweynaha wax badan buuggani u faa’iidayn doono.

Ugu dambeyntii, Sheekh Jaamac Cumar Ciise wuxuu u garsooray Sayidka oo wax badan taariikh-qoreyaashii shisheeyaha ay ka eexdeen, marar kalena ay muunad jebiyeen, iyagoon dhab u garan shakhsiyadda labalafoodka ah ee ina-Cabdulle Xasan.

Dktr. Saalax Maxamed Cali
Xoghayaha Hiddaha iyo Tacliinta Sare

Continue reading Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan