Category Archives: Meeri Haarbar

Soomaaliya si Khaldan Miyaa loo Fahmay?

QORAAGA BUUGGA

Meeri Haarbar, qoraaga buuggani, waa suxufiyad ka tirsan Bii.Bii.Sii-da oo ku takhasustay wax-ka-qorista arrimaha Afrika. Waxay wax badan ka qortay, kana warrantay Soomaaliya,laga soo bilaabo dagaalladii sokeeye ee 1991-kii, iyo meelaha kale ee xiisadaha iyo dagaalladu ka taagan yihiin Afrika.

Maqaalado badan oo ay qortay Meeri Haarbar ayaa lagu soo daabacay jaraa’idka ay ka midka yihiin De Ekonomisti (The Economist), De Taymis (The Times) iyo Waashintoon Boost (Washington Post). Waxay shahaadooyin sare oo jaamicadeed amma digriiyo ka kala qaadatay Jaamicadda Kaambriij (Cambridge) iyo Machadka Daraasooyinka Bariga iyo Afrika ee ku yaal Landan(The School of Oriental and African Studies, London).

Meeri Haarbar waxay ku hadashaa waxna ku qortaa afafka Ingiriisiga iyo Faransiiska. Waxa kale oo ay ku hadashaa af-Boortaqiiska iyo afka loo yaqaan Wolof oo ah af Afrikaan, inta baddanna lagaga hadlo dalka Senegaal.

Cunwaankeeda bogga shabakadda Internet-ku waa: <www.maryharper.co.uk>
SOOMAALIYA SI KHALDAN MIYAA LOO FAHMAY?

Diin, Dagaal, iyo Rajada Dal iyo Dawladnimo Burburtay.

Waxaa qortay: Meeri Haarbar

Waxa ugu horraantii la daabacay buuggan sannadkii 2012-kii, waxaana dabacday shirkadda Buugaagta Zed, ee cunwaankeedu yahay 7 Waddada Sindiya, Landan (7 Cynthia Street, London, N1 9JF, UK) iyo cunwaanka Maraykanka oo ah Qolka 400aad ee Guriga 175aad ee Waddada 5aad, Niyuu Yoork, Mareykanka (Room 400, 175 Fifth Avenue, New York, NY I00I0, USA).

Bogga shabakadda Internet-ka: www.zedbooks.co.uk.

Xuquuqda qoraalka waxaa iska leh Meer Haarbar:
(Copyright(c) Mary Harper 2012.)

Si waafaqsan sharciga xuquuda qoraallada iyo lahaanshaha hal-abuurka iyo ikhtiraaca ee Sharciga 1988 (Copyright, Designs and Patents Act 1988). Bogga shabakadda Internetka ee Meeri Haarbar waa: www.maryharper.co.uk
Waxaa tifaftiray buuggan ururka Doodaha Afrika (African Arguments), oo ah urur soo saara oo tifaftira taxane buugaag kookooban oo ku saabsan Afrikada maanta iyo isbedellada ka socda.

XUSUUS:

Dhammaan xuquuqdani waa sharci u dhawrsoon meelo gaar ah. Waxaa reebban in buuggani ama qaybo ka tirsan la daabacdo, ama laga samaysto nuqliyo, ama la min-guuriyo, ama lagu takri-falo, qaab kasta, ha noqdo si toos ah, ama elektaroonik, ama sawir (photocopy) ah, ama qaabab kaleba, haddii aan ruqsad ama oggolaansho laga haysan marka hore shirkadda Buugaagta Zed (Zed Books Ltd).

Muuqaallo
Mahadnaq
Ereyga Qoraaga
Xilli-Taariikheedyo
Hordhac
1 Beelaha iyo Dalka
2 Taariikhda
3 Xarakada Islaamiyadda
4 Qaran Fashilmay Miyaa?
5 Budhcad-Badeedda
6 Soomaaliya iyo Adduunka Dibadda
Gabagabo
Xus
Bugaagta iyo Qoraallada Tixraaca

MUUQAALLO (Illustrations)

Khariidado (Maps)
1.1 Soomaaliya
1.2 ‘Soomaali-Weyn’ iyo dhulalka ay kala degaan qabaa’ilka waaweyn
1.3 Qaybaha waaweyn ee dhulka Soomaalida
1.4 Meelaha ay gaadheen weerarrada Budhcad-Badeedda Soomaalida, 2005-2010

Shax (Figure)
1.1 Shaxda qabaa’ilka iyo lafaha Soomaalida

Sawirro (Photographs)
1 Qof dumar ah iyo ilmo yar oo ku jira xeryaha Muqdisho ee dadkii macaluushu soo barakicisay
2 Dumar ka tirsan askarta ciidamada dawladda ku-meel-gaadhka ah
3 Wiil ka mid ah dadkii barabaxay magaalada Muqdisho oo ku ciyaaraya ul uu qori oo kale ka dhiganayo
4 Ciidammada al-Shabaab ee jooga Muqdisho.
5 Muqdisho, bixitaankii al-Shabaab ka dib, Sitember 2011
6 Sarriflayaal, Hargeysa
7 Dumar ka tirsan Booliska Soomaalilaan
8 Nin Soomaali ah oo budhcad-badeed ah
9 Mid ka mid ah ciidammada al-Shabaab oo cunno baco ku jirta u qaybinaya dad jooga Shabeellada Hoose oo ka tirsan meelaha macaluushu ka jirto, Sitember 2011
10 Barakacayaal safaf ugu jira cunno loogu qaybinayo magaalada Muqdisho
11 Ganacsade Soomaali ah oo jooga suuqa weyn ee Islii (Eastleigh)

Buuggani waxa uu siyaabo dhawr ah uga kooban yahay dedaalka dhawr qof oo ka qayb qaatay. Maxamed Cadde oo ka tirsan laanta af-Soomaaliga ee Bii.Bii.Sii-du waxa u si hagar la’aan ah ugu hurey waqti badan oo ka mid ah waqtigiisa, aqoontiisa iyo xidhiidhada uu leeyahay; la’antiina iimana suurto gasheen in aan buuggani qoro.

Sidoo kale waxa ka dhigan saaxiibkay Maxamed Macallimuu oo jooga Muqdisho. Istefani Kijin (Stephanie Kitchen) waxay bilowgiiba ku kalsoonaatay kuna qanacday hawsha aan wado, waxayna mar walba i siinaysey dhiirrigelin iyo ballanqaad. Waxa kale oo aad mahadnaq u jeedinayaa tifaftirayaashii kale ee ila shaqeeyey oo ay ka mid yihiin Keen Baalow (Ken Barlow), Alekis Di Faal (Alex De Waal), Rijaad Dhawdhen (Richard Dowden) iyo Roobat Molteeno (Robert Molteno).

Saaxiibbaday iyo dadka kale ee aannu wada shaqaynno ee laanta af-Soomaaliga ee Bii.Bii.Sii-da, kuwa haatan jooga iyo kuwii horeba, waxaan ka korodhsaday wax badan. Way ka fara badan yihiin wax halkan lagu soo koobi karo qof-qof, laakiin waxan jecelahay in aan si gaar ah u xuso Axmad Siciid Cige, Cabdullaahi Xaaji, Yuusuf Xasan, Bashkash Jugsoodhacay, Yoonis Cali Nuur, Saciid Cali Muusa, Yuusuf Garaad Cumar, Cabdirasaaq Xaaji Maxamed Siraad, iyo Xuseen Aw Jaamac Jibriil Xagar. Waxa kale oo aan jecelahay in aan u mahadceliyo Maxamad Caddow, Cabdirashiid Ducaale, Cabdulqaadir Xaashi Cilmi, Cabdillaahi Faarax, Juulii Filinti (Julie Flint), Saali Hiili (Sally Healey), Iyaan Hoo (Ian Hoare), Kaaren Obraayan (Karen O’Brien), iyo Jeemis Waayil (James Wyle).

Mahadnaq ugu weyn waxan u jeedinayaa dhammaan qoyskayga. Hooyaday Geey Haarbar (Gay Harper), oo iyadu i gelisey ama igu abuurtay xiisihii ugu horreeyey ee Soomaaliya, halkaasi oo ay shaqo u tagtay horraantii sannadihii sagaashameeyadii xilliyadii dagaalladu ugu xumaayeen, kana ahayd kalkaaliye caafimaad magaalada Muqdisho.

Ka suxufi ahaan waxaan wax badan la socdey arrimaha Soomaaliya ka dhacayey labaatankii sano ee ugu danbeeyey, waxa ii suurtogashay oo aan nasiib iyo fursad u helay in aan la kulmo, waxna ka korodhsado, dadweyne ka kala tirsan qaybaha kala geddisan ee mujtamacyada Soomaalida, heer kasta, min madaxweynayaal, budhcad-badeed, maalqabeenno milyanneerra ah, ilaa kuwa saboolka ah ee wax walba ka farabaxeen.

Dadkaasi la’aantood, marnaba iima suurtogasheen in aan hawshani qabto oo aan buuggan qoro, dadkani oo aan qaarkood xattaa halis ku geliyey naftoodii ama noloshoodii shaqo, inay ila soo xidhiidhaan oo ay ila hadlaan, waxna ii sheegaan.

Hawshani aan qabtay shaqadeedu waxay inta badani ku tiirsan tahay suxufiyiinta Soomaalida ee geesiyaasha ah, kuwaasi oo ku dhex nool meelo ku sugan xaalado khatar ah, haddana diyaar u ahaa inay ila socodsiiyaan maalin kasta waxyaabaha dhacaya. Mar mar, waxaa dhacday xattaa inay iyagu ila soo xidhiidhaan iyaga oo shucuurtoodu kacsan tahay oo yaabban, si ay iila socodsiiyaan in maalintaas aanay jirin wax dagaallo ah oo dhacay, xaaladdaasi oo iyaga u ah mid qeyra-caadi ah oo aanay u baran, ahna ’wax cusub oo war noqon kara’.

Qaar ka mid ah suxufiyiintani, waxay ku kalliftay inay dibadaha u haajiraan, qaar kalena waxay ku waayeen naftoodii.

Xogta iyo macluumaadka ku jira buuggani ee aan soo ururiyey, waxay ka kooban yihiin wixii aan anigu kala soo kulmay waayo-aragnimadaydii ee aan ku soo arkay Soomaaliya iyo qurbajoogta Soomaalida, wixii aan ka maqlay Soomaalida iyo dadka daneeya dalkaasi, iyo wixii laga qoray ilaa hadda ee aan ka akhriyey.
In kasta oo aan xusayo, aanan tixraacayo kutub iyo qoraallo sare oo akadeemi ah oo hore looga qoray Soomaalida, hadda buuggani waa mid kooban ee ma aha mid laga fili karo in uu wax kasta ka bixiyo sawir buuxa, ama isdabayaal oo faahfaahsan, xaaladaha Soomaaliya oo dhan dhinac kasta; iyadda oo aan rajaynayo in aan jilciyey, oo uu qoraalkani fududeeyo fahamka xaaladaha Soomaalida.

Hase ahaatee, xog-baadhistii iyo soo-ururintii macluumaadka buuggani waxaa si weyn u xaddidey oo xannibaad ku noqday dagaallada iyo xiisadaha Soomaaliya, macluumaadka halkan ku jirana looma wada qaadan karo qaar si kasta u dhammaystiran. Waxaa jira dhacdooyin iyo arrimo kale oo badan oo u baahan in la qoro oo la tebiyo, iyo doodo badan oo kale in la soo bandhigo.

Xilli-Taariikheedyo (Chronology)

Qarniyadii 7aad-10aad Miilaadi: Dad baayac-mushtar ah oo ka kala yimid dalalka Carabta iyo Faaris (Iraan)ayaa soo degey magaalooyinka xeebaha; waxa kale oo ay faafinayeen diinta Islaamka.

Qarnigii 17 AD Cummaan oo xilliyadaasi awod maamul ku yeelatay xeebaha koonfureed ee Soomaalida.

1875 Masar oo qabsatay magaalooyin ka tirsan xeebaha iyo qaybo ka mid ah berriga dhulka Soomaalida.

1897 Kala qaybsashadii Soomaaliya ee guumeysiga Ingiriiska, Itoobiya, Faransiiska, iyo Talyaaniga ayaa kala qaybsaday gobolkaasi.

1900 – 1920 Hoggaamiyihii loo yaqaannay ‘Wadaadkii Waallaa’ ee Sayyed Maxamed Cadulle Xassan oo kala horjeestay dagaallo jihaad ah dalalkii isticmaarka ee qabsaday Soomaaliya, gaar ahaanna Ingiriiska iyo Itoobiya.

1934 Talyaaniga oo dagaal ku qaaday Itoobiya.

1940 Talyaaniga oo qabsaday maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland Protectorate.

1941 Dalalkii Isbahaysiga ee dagaalkii labaad ee adduunka oo jebiyey Talyaaniga. Maamulkii milateriga ee Ingiriiska oo la wareegay dhammaan qaybihii Soomaalida, marka laga reebo maxmiyaddii uu haystey Faransiisku.

1943 Aa saaskii xisbigii ugu horreeyey ee ugu weynaa ee Soomaaliya ee Leegada SYL (Somali Youth League).

1946 ‘Qorshihii Bevin’ amma ‘Bevin Plan’. Wasiirkii Arrimaha Debadda ee Ingiriiska ee waqtigaasi, Earnest Bevin, oo ku taliyey in la mideeyo dhammaan qaybaha Soomaalida oo maamul qudha la wada hoos keeno, taladaasi oo lagu gacan-saydhay.

1950 Qaybtii Talyaanigu xukumi jirey ee Soomaaliya Italiana oo la hoos keenay wilaayadda Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysa, si ku-meel- gaadh ahna loogu igmaday in Talyaanigu sii maamulo muddo toban sano ah. Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland Protectorate sideedii hore ayaa lagu celiyey oo Ingiriiska ayay hoos timid mar kale, Ogaadeeniyana waxa dib loogu celiyey Itoobiya.

26 June 1960 Madaxbannaanidii Somaliland.

1 July 1960 Madaxbannaanidii qaybtii Talyaaniga ee Soomaaliya Italiana iyo ku-biiriddii Somaliland, halkaasi oo ay ka dhalatay Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

1963 Jabhad mucaarad ah oo ka bilaabantay Ogaadeeniya oo keentay dagaal kooban oo dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya.

1963 – 1967 Jabhad Shifto ah oo Soomaali ah ayaa olole gobannimodoon oo ay doonayeen inay kaga madaxbannaanaadaan Kenya ka wadday gobolka waqooyi-bari ee Kenya.

21 October 1969 Dawladdii rayidka ahayd oo lagu afgenbiyey inqilaab milateri oo uu hoggaaminayo General Maxamad Siyaad Barre. Waxana la soo rogey habka ‘Hantiwadaagga cilmiga ku dhisan’ oo uu tageerayey Midowgii Soofiyet.

1973 – 1975 Qor itaankii af-Soomaaliga iyo ololihii la-dagaallanka wax-qoris-la’aanta iyo wax- akhris-la’aanta.

1974 – 1975 Abaaro xun iyo macaluul ba’an oo keenay dadweyne fara badan oo ku barabaxay miyiga waqooyiga, kuwaasi oo loo raray koonfurta Soomaaliya, loona sameeyey iskaashatooyin beeraley iyo kuwo kalluumaysato.

1977 Qaybtii Faransiisku haysatay ee French Somaliland oo madaxbannaanaatay, noqotayna Jamhuuriyadda Djibouti, oo uu madaxweyne ka noqday Xassan Guuleed Abtiddoon oo ka soo jeedey qawmiyadda Soomaalida. Waxa kale oo dagaal qaadday Jabhaddii Ogadeen oo ku qaadday Itoobiya.

1977 – 1978 Dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxa la jebiyey Soomaaliya ka dib markii Midowgii Soofiyet uu taageeray dhinicii kale. Waxa kale oo dhicisoobey inqilaab la isku deyey in lagu rido Siyaad Barre.

1982 Waxa samaysmay jabhadihii SSDF ee waqooyi-bari, iyo SNM oo iyana ka samaysantay dhinaca waqooyi-galbeed. Labaduba waxay degeen Itoobiya oo ay saldhig ka dhigteen.

1988 Waxa la sameeyey jabhaddii USC oo ka samaysantay Rooma.

26 January 1991 Madaxweyne Siyaad Barre oo xukunkii laga tuuray, waxana ka tuurtay jabhaddii USC. Dagaal-kooxeedyo ayaa ka bilaabmay magaalada Muqdishu iyo meelo kale oo ka tirsan Soomaaliya.

18 May 1991 SNM ayaa ku dhawaaqday madaxbannaanida Somaliland.

May 1992 – 1993 Hawlgakii ‘Operation Restore Hope’ ee Qaramada Midoobay; 30,000 oo ka kooban ciidammada Maraykanka iyo dalal kale ayaa bilaabay hawgallo nabad-ilaalineed.

May 1993 Hawlgalkii ‘Operation Restore Hope’ oo lagu wareejiyey UNOSOMII.

5 June 1993 Ciidamadii hoggaamiye-kooxeedkii Maxamad Faarax Caydiid oo diley in ka badan labaatan askari oo ka socdey Pakistan, kana tirsanaa ciidamadii nabad-ilaalinta ee Muqdisho joogey.

October 1993 Dhacdadii ‘Black Hawk Down’ ee magaalada Mudishu lagu soo ridey diyaaraddii helikobtarka ee Maraykanka. Boqolaal Soomaali ah iyo siddeed-iyo-toban askari oo Maraykan ah ayaa iyagana la diley.

1994 Ciidamadii Maraykanka oo ka baxay Soomaaliya.

1995 Ciidamadii nabad-ilaalinta ee Qaramada Midoobey oo ka baxay Soomaaliya.

1998 Gobolka waqooyi-bari ee Puntland oo ku dhawaaqay maamul-goboleed u gaar ah.

2000 Shirweynihii dib-u-heshiisiineed ee Carta oo lagu qabtay dalka Djibouti. Cabdulqaasim Salaad Xassan ayaa wufuuddii shirkaasi u dooratay in uu noqdo madaxweyne qaran oo ku- meel-gaadh ah.

2002 – 2004 Shirweynihii nabadda ee Mbakagathi oo lagu qabtay dalka Kenya, looguna doortay Cabdullaahi Yuusuf in uu noqdo madaxweynaha dawlad Federaal ah oo ku-meel-gaadh ah.

2006 Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah oo qabsaday gobollada koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya intooda badan.

December 2006 Itoobiya oo gashay Soomaaliya. Midowgii Maxkamadaha oo laga tuuray xukunkii.

2007 Dawladdii ku-meel-gaadhka ee Federaalka oo u guurtay magaalada Muqdishu. Waxana halkaasi la geeyey ciidammo nabad-ilaalineed oo ka socda Ururka Midowga Afrika.

2008 NATO oo oggolaatay in la geeyo ciidammo ka tirsan ciidammadeeda badda biyaha Soomaaliya, si ay uga ilaaliyaan budhcad-badeedda.

Soomaaliya waxay ka mid tahay kuwa sumcaddoodu ugu lidato adduunka. Marka la xusayo, inta badan waxay u taagan tahay oo loogu halqabsadaa “qaran guuldarraysatay”.1 Maraykanka iyo dalalka kaleba waxay ku tilmaamaan inay hoy u tahay al-Qaacida. Hey’adaha gargaarka (oo ay ka mid tahay hey’adda qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, sida uu ku dhawaaqay madaxa hey’addaasi, Antonio Gutters, bishii July 2011), waxay sheegeen in Soomaaliya ay ka taagan tahay “dhibaatadii ugu xumayd ee banii’aadminnimo ee adduunku”.2
Kuwa kale, waxay ku tiriyaan dalalka adduunka ‘ugu kharriban ee ugu musuqmaasuq badan”.3 Ceebaha Soomaaliya waxa ka mid ah xataa (sida lagu soo qoray jariidadda Economist, sannadkii 2004), inay caan ku tahay baasaaboorrada ‘been-abuurka ah” kuwa ugu horreeya adduunka.4
Warbixinnada warbaahinta caalamiga ahi marka laga hadlayo Soomaaliya, waxay ku tilmaamaan dal ” budhcad- badeeddu ay buxisay badixiisa”5 , (waxa tusaale loo soo qaadan karaa maqaalad uu qoraaga Peter Hughes ku soo saaray jariidadda Daily Telgragh, bishii May 13 ee 2011.
magaalo-madaxda Muqdishana waxa loo yaqaannaa “meesha ugu khatarsan adduunka”6. Ereyga “muqdishu” waxa uu erey-bixinta dadka qaar ula mid mid yahay macne ahaan meel kharriban oo run ahaantii u taagan xaalad dhibaato. Waxa jirtey xataa in riwaayad Ingiriis ah oo la sameeyey sannaddii 2011 in loogu magac-daray Mogadishu. Riwaayaddaasi kama hadlayn Soomaaliya, waxayse ku saabsanayd dugsi sare oo dhibaato ay ka taagan tahay oo ku yaal magaalo weyn oo ka mid ah Ingiriiska. Markii muddaharaadyado rabshada wattaa ay ka dhaceen degaanno ka tirsan dalkan Ingiriiska
bishii August ee 2011, weriye ka tirsan BBC-da oo ka soo warramayey rabshadahaasi gaar ahaan xaafadda Tottenham ee London waxa uu ku tlmaamay inay xaafaddu u ekaatay amma la mid noqotay Muqdishu.
Mar aan su’aalo ka weydiiyey koox ka tirsan caruurta dalkan Ingiriiska waxa ay ka yaqaannaan Soomaaliya, wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah kooxdaasi ayaa si fiican u jilay qori boobe ah oo rasaasi si darandoorri ah uga dhacayso. Wuxu sheegay in ciyaalka saxiibbadiisa ah ee ay iskuulka ku wada jiraan ay ka cabsadaan waxa uu ugu yeedhay “Malis” amma “Maaliga”, sbabtuna inay tahay in jinsigaasi ay yihiin dad ama kooxo budhcad ah oo dembiilayaal ah. “Noloshaadu waxay ku jirtaa halis oo waa ku deysey haddii aad wax ku darsato dadkaasi “Maliga” ah, ayuu yidhi wiilkaasi. Wiil kale oo sagaal jir ah waxa uu isna ku sheegay Soomaaliya inay tahay meel “dadku ay sabool yinhiin laakiin ay haystaan qoryo fara badan’. Gabadh yar ayaa iyana igu tidhi Soomaaliya waa meel ay ka buuxaan budhcad-badeed, mid kalena waxay tidhi waa meel caruurta laga dhigto askar dagaallanta.
Soomaaliya waxay buuxiay dhammaan shuruudihii dal Afrikaan ah oo dhibaatooyin hadheeyeen. Waxa ka jira dagaallo, waxa ka jirta macaluul. Waxa laga helaa muqaallada iyo sawirrada ugu habboon ee soo jiita warbaahinta: hub aad loo isticmaalo, dhallinyaro mooryaan ah oo adegsada hub,oo mukhaadaraad ku waashay, oo xayraansan oo ku wareegaya baabuur LandCruiser ah oo dusha laga jaray, dumar lafo ah oo xammbaarsan caruur tag daran oo macaluulaysa, iyo diqsi fara badan oo ku xoonsan wejiyadooda. Muqaalladan iyo sawirrada noocan ahi waxay si weyn u soo ifbaxeen oo Soomaaliya telifishannada caalamka soo gashay mar kale bishii July ee 2011 ka dib markii Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqday xaaladmacaluul ah oo ka taagan gobollada qaar ee dalkaasi.

1 Qof dumar ah iyo ilmo yar oo ka mid ah dad soo baracay ee ku jira xeryaha magaalada Muqdishu ee dadkii macaluushu saamaysay, August 2011 (Mohamed Moalimuu)
Muuqaalladan iyo magacyada halhayska looga dhigay, waxay ka indha-saabeen adduunka,in la arko dhinayada kale ee Soomaaliya. In ka badan labaatan sano oo dalkaasi ay ka taagnaayeen khilaafyo iyo dhibaatooyin, waxay ku kalliftay in Soomaalidu dhinaca kale ay kasbadaan waayo-aragnnimo, lana yimaaddaan habab cusub oo siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale. Waxay si cuntanto oo dhakhso ah u dabbaqeen adeegsiga tiknoolojiyada casriga ah, iyaga oo ku dabbaqaya hab-dhaqankii farsamo ee xattaa ka horreeyey isticmaarka. Waxayna taasi u suurtogelisey inay sameeyaan adeegyada xawaaladaha lacagta ee ugu horumarsan, uguna wax-ku-oolsan qaaraddaasi, iyo weliba adeegyada isgaadhsiinta telifoonnada moobiilka ah ee casriga ah, isla markaasina ugu jaban Bariga Afrika.
Buuggani waxa uu soo bandhigayaa doodo ah in wax badan oo kale laga kasban karo waayo-aragnnimada Soomaalida iyo sida ay u macaamilaan ee ay wax u qabsadaan; iyo in dalkaasi leeyahay dhinacyo badan oo kale oo cuntama, oo aan ahayn uun iska-horimaadyo dagaal, gaajo, budhcad-badeed, iyo islaamnnimo xagjir ah. Waxa kale oo qoraalkani uu ka baaraandegayaa, soona bandigaya sida ay ku timid in in ka badan labaatan sano Soomaaliya aanay yeelan dawlad dhexe oo wax-ku-ool ah.
Waxa kale oo buuggani uu eegayaa kaalinta ay ku yeesheen arrimaha Soomaaliya quwadaha waaweyn ee debaddu iyo hey’adaha caalamihga ahi. Waxanu isweydiinayaa bal in kaalintaasi iyo sida ay u waajaheen Soomaaliya, gaar ahaanna dawladda Maraykanka iyo dalalka ay isku bahda yihiin, inay waxtar u noqotay dalkaasi, iyo inay qayb ka qaadatay burburkii koritaanka qarankaasi, sida ay ku doodaan ee ay qabaan khubaro fara badani.
In kasta oo Soomaaliya ay jiraan waxyaabo badan oo shaqeeyaa, haba u shaqeeyaan inta badan siyaabo aan caadi ahayne, haddana waa in aan la yaraysan baaxadda dhibaatooyinka yaalla. Laga soo bilaabo burburkii dawladdii dhexe ee 1991 iyo sannadihii colaadeed ee xigey, Soomaaliya waxay ahayd dal aan sidiisa u taagnayn ka-qaran siyaasadeed oo wadajira. Dalku waxa uu u kala jajabay qaybo ka kooban gobollo iskood isku maamula oo xuduudahoogu mar walba isbedelaan. Qaar ka mid ah gobolladaasi waa kuwo xassillon marka la barbar dhigo kuwa kale, gaar ahaanna Jamhuuriyadda la magac-baxday Somaliland, hasse ahaatee aan weli haysanin aqoonsi caalami ah. Laakiin Somaliland waxa ka jira nidaam dawladnnimo oo ku dhisan hab dimoqoraddi ah, marka loo eego qaybaha kale. Waxa kale oo ka jira dhaqaale kobcaya, iyo habab kale oo ijtimaaci ah oo si buuxa u shaqaynaya.
Arrinta Somaliland waa mid muran weyni ka taagan yahay, in kasta oo ay dhinac kastaba u shaqayso una jirto si madaxbannaan oo iskeed u taagan. Haddana marka la eego mawqifka rasmiga ah ee dawladda ku- meel-gaadhka ah ee Soomaaliya iyo caalamkuba waxay u arkaan Somaliland inay tahay qayb ka tirsan guud ahaan Soomaaliya. Mararka loo baahdo in la kala xuso, waxan ku kala tilmaami doonaa labadaasi dal ‘Soomaaliya’ iyo ‘Somaliland’. Mararka qaarna, gaar ahaan marka aan ka hadlayo wixii ka horreeyey 1991-kii, ereyada ‘Soomaaliya’ iyo ‘Somali’ waxan u adeegsan doonaa magacyo koobaya labadaasi.
Ilaa sannadkii 2011, dad badan oo ka kala ah Soomaali, shaqaalaha ajanebiga ee hey’adaha gargaarka, diblomaasiyiin, aqoonyahanno, iyo kuwa kaleba, marka ay xusayaan dalkaasi waxay fikri ahaan uga hadlaan oo ay u kala saaraan saddex qaybood oo kala gooni ah, kalana ah ‘Koonfur-dhexe’, Puntland iyo Somaliland, xattaa haddii ay weli u aqoonsan yihiin rasmi ahaan dal qudha.
Gobollada kale ee Soomaaliya,intooda badani uma habaysna qaab sugan oo iskood u taagan, kumana shaqeeyaan nidaam sugan oo caalamka kale si sahal ah u fahmi karo. Inta badan waxa ka jira xaalado degganaansho la’aan ah oo aan la sadaalin karin, waxana mar walba isbedela awodaha maamulka. In badani
waxay u aragtaa in xaaladaha noocani ahi ay khatar ku yihiin Soomaalida lafteeda, dalalka deriska la ah iyo caalamka intaba.
Soomaaliya waxa mar kasta loo yaqaannaa ’qaran fashilmay’, taasi oo macnaheedu yahay in aanay dalkaasi ka jirin wax nidaamsan oo si hagaagsan u shaqeeya, isla markaasina aanay ka jirin nabadgelyo amma horumar midna. Marka la qiimaynayo xaaladahani loogu magac-daray Soomaaliya, waa in lagu xisaabtamaa oo la xusaa duruufihii hore ee ka jiri jirey dalkaasi intii ka horraysey burburkii dawlad dhexe oo shaqaysa. Waxa weligeedba si joogto ah u jirey xoogag gooni ah oo ka durugsan awodda dhexe, dalkuna waxa uu mar walba ku jirey xaalad uu qarka u saaran yahay in uu kala burburo, xattaa intii ay ka talinaysey xukuumaddii qalafsanayd ee kelidii-taliyihii Siad Barre, intii u dhaxaysey 1969 ilaa 1991.
Dedaalkii Siad Barre ee uu isku deyayey inuu abuuro awod dawladeed oo meel dhexe oo qudha laga wada maamulo oo kelideed-talis ah, iyo awod shakhsiyadeed oo isaga u gaar ah, arrimahani waxay aakhirkii sababeen dhicitaankiisii; dagaal keenay burbur oo lala galo Itoobiya sanadihii 1970-neeyadii.
Takooriddii la takooray qabaa’ilka qaar ee xoogga badnaa iyo qaybihii kale ee danaynayey awodda maamulkuna waxay keeneen in ku dhegenaanshihii awodda xukunka ee Siad Barre ay bilawdo inay kala furfuranto xattaa sanado badan ka hor intii aan laga tuurin xukunka bishii January ee 1991.
Sababahaasi awgood, waxay noqonaysaa arrin khaldan in lagu doodo in Soomaaliya ay weligeedba hore u ahaan jirtey dal xassilloon, iyo qaran si buuxda u shaqaynaya oo leh hab dimoqoraadi ah amma nidaam kaleba.
Waxa loo baahan yahay in loo helo Soomaaliya qaab cusub oo dawladnnimo oo ay dabbiqi karto, kaasi oo suurtogal ay tahay in uu iskugu jirey qaababka casriga ah iyo kuwii dhaqankooda ee ismaamulka, qaabkaasi oo tixgelinaya isla markaasina ogolaanaya in gobollada kala geddisani ay yeeshaan maamul- hoosaadyo madaxbannaan ilaa heer.
Taariikhda jahawareerka leh ee beryahan danbe soo martay dalkaasi iyo nidaam-darrada xun ee ka taagnayd, waxay keeneen in siyaasadaha caalamku ay fikrado xun ka qaataan dalkaasi oo si khaldan u fahman, kuwaasi oo saamayn weyn ku yeeshay, wax weynna u dhimay Soomaaliya, Geeska Afrika, iyo inta ka shishaysaba. Fikradahaasi khaldani waxay sii xoogeysteen gaar ahaan sanaddii 2006 markii ay soo ifbaxeen isbahaysigii maxkamadaha ee loo yaqaanney Isbahaysiga Maxkamadaha Shareecada Islaamka(UIC), ee ay qabsadeen degaanno badan oo ka tirsan dalkaasi, ilaa iyo intii ciidamada Itoobiya oo Maraykanku uu taageerayey, ee caawinayey dawladdii taagta darnayd ee ku-meel-gaadhka ahayd ay galeen dalkaasi ee ay ka saareen maamulkii Isbahaysiga Maxkamadaha Islaamiga ah.
Dawladda Maraykanka iyo dalalka kale ee ay bahwadaagta yihiin si khalad ah ayay u fasirteen dhacdooyinkani. Waxay si khaldan isku mid ka soo qaadeen dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo islaami ah oo gudaha ka dhashay iyo isbahaysiga guud ee caalamiga ah ee al-Qaacida. Taasina waxay keentay in magacii dalkaasi ay si dadban ugu meelmarto oo ay u faafto in uu noqday hoy cusub oo ka soo ololaystaan dagaalyhaniinta jihaad-doonka ah ee adduunka iska soo urursanayaa.
Marka la eego qaabkii hore ee Isbahaysigii Maxkamadaha Islaamiga ahi (UIC) ay ku samaysmeen, umay taagnayn urur cusub oo wada dagaal Islaami ah.
Maxkamadihii Shareecadu waxay sannado dhawr ah ka hirgeliyeen degaannadii ay ka abuurmeen ee Soomaaliya, ku-dhaqanka nidaam deganaansho iyo caddaalad, ka dib markii maamulkii dawliga ahaa uu burburay. Waxay soo rogeen hirgelinta xukun-ciqaabeedyo aad u qallafsan oo ay ka mid yihiin addimada oo la jaro amma lugaha iyo gacmaha oo qofka laga gooyo, laakiin waxa kale oo ay hirgeliyeen nabdgelyo ay helaan dadweynaha intooda badani. Waxa suurto gashay markii ugu horraysay, ilaa dagaalladii sokeeye, in dadku ay mari karaan jidadka magaalada Muqdishu iyaga oo aan wax cabsi ah qabin.
Hasse ahaatee waxa timid oo rumowdey markan cabsidii ugu weyneyd ee ay qabeen Maraykanka iyo bahdiisii. Ka sib markii la jebiyey isbahaysigii maxkamadaha islaamiga ah sannadkii 2007-dii, qaybo ka tirsanaa dhaqdhaqaaqaasi ayaa dib isku soo abaabulay oo noqday miliishiyooyinka al-Shabaab ee dagaal-wadayaasha Islaamiga ah, kuwaasi oo isla markaasina khatar ku ah adduunka kale ee debadda. Dagaalyahaniin ajenebi ah ayaa debadda kaga soo biiray islaamiyiintii Soomaalida ee gudaha, waxayna al-Shabaab bishii February ee 2010 markii ugu horraysay ay si cad u caddaysatay ku-xidhnaanshaha al-Qaacida.
Sababta oo ah in loo arkay inay hoy u noqotay al- Qaacida iyo ururrada kale ee ku xidhan, ayaa waxa ay keentay in la soo geliyo Soomaaliya tilmaamaha iyo mawqifyada adag ee ay reer Galbeedku ka qaaten xaaladihii ka abuurmay 9/11. Waxa lagu tilmaamay inay noqotay ’Ciraaqdii Afrika’, iyo ’Afqaanistaantii Afrika’. Iyo weliba in sida Ciraaq iyo Afqaanistaan oo kale, in Soomaaliyana ay noqotay meel aad loo daneeyo marka la qiimaynayo ee indhaha lagu hayo hadba sida siyaasadaha debadda ee Maraykanku hoggaaminayaa ay u guulaystaan amma u guuldarraystaan.
Kenya ayaa iyana si xad-dhaaf ah u isticmaashay oo uga faa’iideysatay halhayska “La-dagaallanka Argagixisada” bishii October ee 2011, waqtigaasi oo markii ugu horraysey taariikhdeeda ilaa gobannimadeedii ay weerar milatery ku qaaddo dal kale oo debadeed. Ciidamada Kenya waxay galeen koonfurta Soomaaliya, iyaga oo ujeeddadoodu ay tahay inay meesha ka saaraan al-Shabaab oo joogitaankooda agagaarka xadka Kenya iyo xeryaha qaxootigu uu khatar weyn oo nabadgelyo ku noqday Kenya. Ciidamada Kenya waxa caawinayey diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ee loo yaqaanno nooca ‘drone-ka’ ee iyaga is-wada, kuwaasi oo ka soo kaca saldhigyo ku yaalla Ethiopia, kuna qaada weerarro door ah bartilmaameedyo la rumaysan yahay in al-Shabaab ay ku sugan yihiin.
Sida in badan oo caalamka ka tirsani ay u arkeen Soomaaliya, waxay muujinaysaa in lagu guuldarraystay in la fahmo in aanu dalkaasi ahayn mid lagaga talogeli karo in uu si moogaansho ah uun isku dhiibayo oo uu ogolaanayo faragelin arrimihiisa gaarka ah lagula kaco iyo in kolba wax lagu tijaabiyo oo lagu eego.
Waa in aan loo arag Soomaaliya aalad Shax ah amma “Chess” oo aan waxba kala ogeyn marka laga hadlayo “Dagaalka Argagixisada”. Soomaalidu waa dad leh ab iyo taariikh, baraarug weyn iyo ujeeddo adag.
Qaar ka mid ah Somalidu waxay yaqaannaan sida looga faa’iideysto xaaladda dalku ku sugan yahy ee lagu magacaabay ‘qaran fashilmay’, iyo in dalkaasi uu noqday meel argagixisadu ka abuuranto oo hoy u ah. Siyaasiyiinta iyo qabqablayaasha dagaalka waxay caadaysteen in si xeeladi ku jirto ay ugu eedeeyaan kuwa ay iska soo horjeedaan inay yihiin Islaamyiin xagjir ah, si ay u kasbadaan oo ay u helaan taageero debadeed oo dhaqaale iyo mid milateri.
Soomaaliya waxay weligeedba ahayd meel fool adag oo dhibaato ku ah ajanebiga debaddu inay fahmaan oo ay wax ka qabtaan. Sumcadda iyo sawirka ugu weyn ee caalamku ka haysto dalkaasi waxa si cad u muujiyey filimkii Hollywood ee Black Hawk Down. Filimkaasi waxa uu ka sheekaynayaa sidii bishii Oktoobar ee 1993 ay miliishiyooyinkii taageersanaa qabqablihii dagaalka ee Mohamed Farah Aideed ay u dileen siddeed iyo toban askari oo ka tirsanaa ciidammadii Maraykanka ee joogey Muqdishu, ka dib markii la soo ridey laba diyaar oo Helikobtarro ah, nooca loo yaqaan Black Hawk oo Maraykanku lahaa. Shilkani waxa uu ku yeeshay Maraykanka saamayn weyn oo riiq argagax ah ku reebtay, ka dib markii dadweynaha Maraykanku ay telifishannada ka daawadeen meydadkii
askarta Maraykanka oo qaawan oo jidadka magaalada ay jiid-jiidayaan dadweyne ku orinaya oo Somaaliyeed.

Hawlgal markii hore ku bilaabmay gargaar bani’aadminnimo oo ujeedadiisu ahayd in lagu quudiyo dad Afrikaan ah oo macaluuli haysey, ayaa isku rogey dhibaato weji-gabax ku riddey dawladda Maraykanka. Muddo bilo ah gudahood ka dib markii shilkaasi dhacay, ciidammadii Maraykanku waxay ka baxeen Soomaaliya, waxana bedeley halkoodii hawlgal ah ciidammado ka socda Qaramad Midoobey, kaasi oo aan sidoo kale isaga laftiisu guulaysan, isla markaasina si dhakhso ah isna uga baxay dalkaasi. Taasina waxay dalkaasi geyeysiisey in sannadaao badan uu caalamku ka indha saabto oo uu daayaco. Waxayna noqotay in Soomaaliya inteeda badan faraha laga qaado, iyagana la isku daayo oo adduunku dhabarka u sii jeediyo, taasi oo aakhirkii keentay in kalluumaysatadii ay isku rogaan budhcad-badeed, Islaamiyiintii qunyar-socodka ahaana inay noqdaan xagjir ku xidhan al-Qaacida.

Ra’yulcaamka guud ee reer Galbeedku ka qaatay shilkii ’Black Hawk Down’ waxay ku noqotay mid fajac iyo xanuun leh: Sideebaa ummad sabool ah oo reer- guuraa ahi ay u awodeen inay ku khasbaan dawladdii ugu quwad weyneyd adduunku inay faraha ka qaaddo hawlgal markii hore ujeeddadiisu ahayd faragelin ban’aadminnimo? Laakiin haddana tani ma ahayn markii ugu horraysay ee Soomaaliya ay ka hortimaaddo ee ay isku taagto xoogagga waaweyn ee adduunku.

In kasta oo aan sidaa loo aqoon, amma aanay u magac dheerayn sida taariikhda ’Looltankii Weynaa’ ee Afghanistan oo kale, halkaasi oo muddo gaadhaysa ilaa 100 sanadood ay imbaraadooriyadihii Ruuska iyo Ingiriisku ay isku deyayeen laakiin ku guulaysan waayeen inay xoog ku muquuniyaan dalkaasi, haddana taariikhda casriga ah ee Soomaaliya waa mid ay ku ladhan tahay dadkeeda oo isla qabweyn, iskana caabbiya kana xeel badiya xoogagga ugu waaweyn ee hadba soo waajaha. Laga soo bilaabo xilliyadii ugu horreeyey ee reer Yurub ay gaadheen qaaradda Afrika, Soomaalidu waxay soo jiiteen qorayaasha iyo mufakiriinta oo aad u daneeyey.

Marka la eego waxyaabihii uu ka qoray sahamiyihii Ingiriiska ahaa ee Richard Burton, ( buuggiisii ‘Lugtii/Socdaalkii ugu Horreeyey ee Bariga Afrika’ ee ugu horraantii la aabacay sanaddii 1856), wuxu ku tilmaamay Soomaalida ’jinsi kulul oo ka kooban jamaahiir kacsan’7. Aqoonyahanka culuunta bulshada ee la yidhaa Professor loan Lewis, laguna tilmaami in uu yahay caalimka ugu weyn ee dersey waxna ka qoray Soomaalida, wuxu isna ku qoray (buuggiisii ‘ Fahmidda Soomaaliya iyo Somaliland’ ee 2008), in Soomaalidu ’ay si qaawan oo cad u quudhsadaan dadyowga kale’.8

Xaalad hore oo u dhiganta shilkii ’ Black Hawk Down’ waxay tahay taariikhda loo yaqaan ’the Mad Mullah’ amma ’Wadaadkii Waallaa’, naanaystan oo Ingiriisku ugu yeedhi jirey Sayyed Mohamed Abdulle Hassan oo ay col ahaayen, waxanu Sayyed Mohamed Abdulle Hassan ahaa hoggaamiye-dagaal oo gabayaa ah. Waxanu dagaal kula jirey ciidamadii isticmaarka labaatankii sano ee ugu horreeyey qarnigii labaatanaad. Waxa uu hoggaaminayey dagaal uu ku macneeyey Jihaad amma dagaal diini ag oo lagu qaadayo gaalada. Sida Soomaalida maanta oo kale, ujeeddada dagaalkiisu waxay ahayd in uu golbolka ka xoreeyo oo ka ilaaliyo reer Yurub, Itoobiya iyo Kiristaanku inay ku yeeshaan saamayn. Wuxu awodey in uu dhawr sano iska caabiyo xoogaggaasi, laakiin aakhirkii dhulalkii Soomaalidu u badnayd ee ay degeysey waxa kala qaybsaday oo xukunkoodii la wareegay amma qabsaday dawladdihii Itoobiya, Ingiriiska, Talyaaniga iyo Faransiiska.

James Rennell Rodd oo ahaa hoggaamiyihii maamulkii Ingiriiska ee qaabilsanaa Soomaaliya, waxay noqon lahayd in uu sidoo kalena wax ka qoro xaaladaha maanta ee Soomaaliya haddii uu soo gaadhi lahaa, (marka loo eego waxyaabihii hore ee uu ka qoray dagaalladii waqtigaasi. Waxana ka mid ahaa qoraalladiisaasi ‘Xusuus-Qoraalladii Diblomaasiyadda iyo Arrimaha Ijtimaacia ah ee 1894 – 1901, iyo 1923’), waxanu ku qoray mar uu ka faalloonayey xaaladihii dagaal ee waqtiaas ’nafo badan oo qaali ah ayaa lumay, waxana khasaaray kharash malaayiin ah oo ku baxay hawlgallo aan la mahadin oo lagu qaaday cadow aan muuqan oo aan la malayn karayn, oo na baday dhibaatooyin baaxad leh, in ka badan muddo labaatan sano ah’.9

Wadaadkaasi lagu naanaystan jirey ’Mad Mullah’ amma ’Wadaadkii Waallaa’ waxa uu dagaalkiisa u adeegsan jirey af iyo addinba. Gabaygiisa iyo masafooyinkiisa, waxa uu u isticmaali jirey kicinta iyo qiiro-gelinta taageerayaashiisa, ilaa maantadanna isaga iyo fikradihiisii waxay leeyihiin saamayn iyo hiigsi. Soomaaliduna waxay si xushmad iyo xiiso leh u soo xigataa gabayadiisii. Ma aha inay ku xusayaan dagalladii lala galay Ingiriiska, laakiin waxay ku dabbaqaan oo ay barbar dhigaan xaaladaha taagan haatan iyo xidhiidhka dalkaasi manta la leeyahy Maraykanka iyo xulafadiisa.

Soomaalidu waa dad weli sii haysta dhaqan-afeedkii, iyadoo gabayaa iyo maansooyinku ay si weyn uga muuqdaa nolol-maalmoodkooda; in badanina waxay u adeegsadaan gabayada iyo hal-haysyada maahmaahyada, halqabsi iyo hal-tusaale ay u daliishadaan doodaha iyo xallinta dhibaatooyin badan.
Inta badan intii hore la iskugu deyey faragelin debadeed taariikhda Soomaaliya, waxay badankoodu ku danbeeyeen wax dib ugu noqda qaramadii shisheeyaha oo lagu khasaar, waxyeello kalen ka timaaddo. Faham la’aanta weyn ee xaaladaha dalkaasi waxa macnaheedu uu yahay oo ay keenaysaa in xattaa marka adduunku debadd uu daacadda ka yahay ee uu doonyo in uu si dhab ah wax uga qabto dhibaatooyinka banii’aadminnimada, sidii dhacay sannadkii 1990-dii oo kale markii dagaalkiisa sokeeye iyo abaarihii dabiiciga aha ee dhaliyeen macaluusha, in haddana gurmadkaasi uu ku danbeeyey in uu qayb ka qaato burbur kale oo dheeraad ah iyo kala qaybsanaan ku sii dhacda dalkaasi, iyo iska horimaadyo hor leh, halkii loola jeedey in lagu horumariyo nabadaynta.
Inta badan dedaalladii debadeed ee ku saabsanaa in lagu dhiirrigeliyo Soomaalidu inay wax ka qabtaan oo ay xal u helaan dhibaatooyinkooda, waxay sidoo kale ku danbeeyeen in lagu fashilmo. Ilaa 2007-dii, waxa la qabtay in aan ka yarayn afar iyo toban shirweyne oo qaran oo dib-u-heshiisiineed, oo dhammaan Lola jeedey in lagu soo afjaro khilaafaadkii tirada badnnaa ee ka dhashay dhicitaankii Siyad Barre ka bacdi. Shirarkaasi faraha badnnaa ee kharasyada badanina ku baxeen waxa mar kasta maalgelinayey dalalka debadda iyo hey’adaha caalamiga ah, waxana mar kasta lagu qabanayey Soomaaliya debaddeeda. Mararka qaar waxay jiitamayeen sannado, kumana yeelan wax saamayn ah oo sidaas ah xaaladihii gudaha.

Laga soo bilaabo sannadihii 1990-kii, hoggaamiyayaal badan oo Soomaali ah ayaa waqti badan ku lumiyey wadahadallo keliya oo ku saabsan sidiii Soomaaliya loogu soo dabbaali lahaa nidaamkii degganaanshaha, halkii ay ku dhaqaaqi lahaayeen ficil ahaan wax-qabad la taaban karo oo wax ugu filan horumarinta nolosha dadweynaha caadiga ah. Waxase haatan la-yaabis leh in weli quwadaha debaddu ay diyaar u yihiin inay sii wadaan bixinta kharshayada shirarkaasi. Xaqiiqada ah in Soomaalidu ay haddana awodi karaan inay weli ku sii qanciyaan dalalka iyo ururrada debaddu inay sii maalgeliyaan oo ay bixiyaan kharshaadka shirarkooda qaran ee dib-u-heshiinta, ayaa waxay tani tusaale u tahay sida qaar ka tirsan Soomaalidaasi ay ugu fiican yihiin inay ka faa’iidaystaan xaaladaha jira. Waxay helaan sannado badan oo ay kasbadaan khibrad iyo xeelado ay ku maalaan ajanebiga, gaar ahaan marka ay jiraan xaalado degdeg ah oo u baahan gurmad mucaawano amma taageero ku aaddan ka-shaqaynta nabadgelyada. Labaatan sano oo laga hadlayey wada hadallo nabadgelyo oo lagu qabto hudheello iyo goobo kale oo raaxo oo ka baxsan Soomaaliya, waxay keeneen oo qudha sii-kala-qaybsanaan kale oo weyn oo ku timaadda hoggaanka Soomaalida dhexdooda, iyo dadweynihii looga tegey inay ku sii jiraan khilaafaadkii iyo jahawareerkii taagnaa.

Sababtuna waa dhab ahaantii hoggaamiyayaashooda iyo guud ahaan caalamka oo gabay inay dib u soo celiyaan degganaanshihii, sidaasi darteedna Soomaalidu waxay abuurteen hababkooda iyo qaababkii ay ku badbaadin lahaayeen jiritaankooda. Sida loo arko dalkaasi ee ah ’ qaran fashilmay’ ayaa ah mid gaaban oo si khatari ku jirto wax u xaddideysa. Ka sakow qaska taagan iyo maqnaanshaha xukuumad dhexe, waxa jira haddana dhinacyo badan oo kale oo mujtamacaasi leeyahay oo weli si wax-ku-oolnnimo ah u sii shaqaynaya, xattaa gobollada ay sida weyn u saameeyeen khilaafaadka iyo dagaalladu. Dhinacyadaasi, oo ay ka mid yihiin ganacsiga iyo isgaadhsiintu, waxay noqdeen kuwa badbaada oo sii kobca, gaar ahaanna xawaaladaha lacagayowga, telifoonnada moobiilka, iyo ganacsiga xoolaha nool.

Daraasadda iyo ka-baaraandegga ku saabsan xaaladaha Soomaaliya, haddii laga fikiro uun maqnaansha dawlad dhexe oo keliya, waxa indhaha laga lalinayaa qiimayntii kale ee dhinacyada iyo qaababka ijtimaaciga ah, kuwa siyaasadda iyo dhaqaalaha ee gaarka u Soomaaliya, qaababkaasi oo laga yaabo inay noqdaan kuwa weliba dalalka kale ee ay saameeyeen dagaallada iyo burburkii dawladahoogii ay ka dayan karaan oo ka faa’iideysan karaan.

In loo arko dalka oo dhan sida ay ku sugan tahay caasimadda Muqdishu oo kale oo laga dhigo muraayadda laga fiirinayo, waxay keenaysaa in sifooyin badan oo laga bixiyo Soomaaliya ay muujinayaan sawir ah in dalka oo dhammi uu yahay mid dagaal joogto ahi uu meel kasta ka jiro dhexdooda. Hasse ahaatee qaybo ballaadhan oo kale ayaa deggan oo nabad waafi ahi ay ka jirtaa, kuwaasi oo leh maamulkooda, nidaam- sharciyoodkooda iyo dhaqaalahooda. Xaaladaha Jamhuuriyadda la magac- baxday Somaliland ayaa ah kuwa si fiican u hirgalay oo hagaagey, halkaasi oo qaxooti badan oo hore uga yaacay dagaalladii ba’naa ee sokeeye ee dhammaakii 1980-kii ay dib ugu soo noqdeen hoygoodii. Qayb kale oo iyana deggan marka loo eego inta kale waa gobolka waqooyi bari ee Puntland ee deriska ah, kaasi oo samaystay ismaamulkiisa daakhiliga ah, in kasta oo uu in muddo ahu ahaa fadhiisin weyn budhcad-badeedda.

Waa wax aan la filayn in iska horimaadyadii iyo dagaalladii ka holcay badhtamaha iyo Soomaaliyada koonfureed sannadkii 2007, inay ahaayeen natiijooyin ka dhashay faragelin caalami ah oo ujeeddadeedu ahayd in meesha laga saaro urur isagu awodey in uu keeno xassilooni iyo deganaasho ilaa heer ah, markii ugu horraysey gobolladaasi, laga soo bilaabo horraantii 1990-kii. Sababaha uu ugu guuleystey ururkii Maxkamadaha Islaamiga ahaa dedaalkiisii ahaa in uu soo celiyo kala- danbayntii iyo degganaanshihii, waxa loo aanayn karaa inta badan inay ugu wacnayd in uu marka horeba ka soo aasaasmay oo uu ka soo abuurmay min hoos ilaa kor. Sida ururka Xamaas ee Falastiniyiinta oo kale iyo Ikhwaanul-Muslimiinka Masar, Maxkamadihii Shareecadu waxay ku kasbadeen taageradii ay heleen, adeegyadii aasaasiga ahaa ee ay u qabteen dadweynihii la daayacay. Iyaga oo buuxinayey foogge bannaanaa,

Maxkamadahaasi waxay bilaabeen inay qabtaan qaar ka mid ah adeegyadii iyo hawlihii aasaasiga a ahaa ee ugu muhiimsanaa ee uu qaban laha maamul dawli ahi, dal aan dawlad lahayd. Sida muuqata muhimadda kowaad ee mujtamacu ma ahayn wejiga islaamiga ah ee maamulkaasi, laakiin waxa ay ahayd xaqiiqada timid ee ah in muddo kooban oo lix bilood ah oo maxkamaduhu ay hayeen awodda xukunka, in nabadgelyadii ay ka soo raysay oo ay ka fiicnaatay sidii ay sanado oo hore ahaan jirtey. Tani waxay dhinacyo badan kala mid tahay xaaladdii ka jirtey dalka Afghanistan xilliyadii maamulkii Taliban, xilliyadaasi oo in kasta oo aanay jirin adeegyo dadweynaha loo qabatay, in haddana uu jirey nidaam iyo sharci ilaa heer ah, ka dib sannado badan oo qas iyo deganaansho la’aan ah.

Dadweynuhu wax badan oo qiimo culus ugu fadhiya ayay u hureen sidii loo heli lahaa nabadgelyo, welina dedaalkaasi waxay ka sii wadaan qaybo badan oo ka tirsan Soomaaliya oo kooxaha Islaamiyiinta ee xagjirka ahi ay maamulaan, kuwaasi oo ka sii fog Isbahaysigii Maxkamadaha Islaamiga ah (UIC). Xukun shareeco oo aad u qallafsan, oo uu ka mid yahay qisaas amma dil toos ah, ayaa si furan dadweynaha hortiisa loogu fuliyaa qaybahaasi. Qaadka oo ah geed lagu mirqaamo oo caan ah, si weynna uga mid noqday dhaqanka Soomaalida, ayaa isna la mamnuucay. Dumarka ayaa lagu khasbay inay si buuxda isku dedaan oo ay xidhan dhar culus oo ah xijaab madow. Waxa kale oo dadweynaha laga mamnuucay inay daawadaan filimmada iyo ciyaaraha kubadda cagta ee lagu soo bandhigo goobaha dadweynaha, lagana fiirsado fiidiyayaasha.
Xattaa marka aanay jirin wax u muuqaa kara nidaamsanaan caadi ah amma xaalado deganaansho oo dadweyne, waxa si habboon u shaqeeya oo socda qaybo ka mid ah dhaqdhaqaaqa dhaqaale iyo nolosha ijtimaaciga ah. Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka Afrika ee xiisadaha iyo dagaalladu sida ba’an u aafeeyeen, laakiin haddana waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyey oo uu ka hirgalo adeegga telifoonnada moobiilku. Iyada oo ku burburtay dagaalladii sokeeye, waxay haddana ka mid noqotay dalalka Afrika ee si fudud ay uga hirgashay isgaadhsiintu, si sahal ahna uga gudubtay cahdigii telifoonnada xadhkaha ee dhulka mara oo ahaa qaar qaylo kulul, oo haddan aan la isku hallayn karayn.

Isticmaalka adeegyada Internet-ka ayaa isna noqday hab kale oo casri ah oo si degdeg ah uga dhex hanaqaada jaalliyadaha Somaalida ee ku kala nool caalamka. Baahida loo qabo is-wargelin xogeed iyo macluumaad, wada ganacsi iyo inay wada xidhiidhaan oo wada macaamilaan, ayaa noqotay mid aan lahayn oo aan ku xidhnayn wax xuduudo ah oo kala xanniba.

Soomaalidu waa dad jecel inay wada sheekaystaan, kana hadlaan gaar ahaan arrimaha siyaasadda. Qurbajoogta faraha badan ee ku kala baahsan min Maraykan ilaa Australia, min Khaliijka ilaa dalalka Scandinavia, waxay si firfircoon oo xiiso leh u isticmaalaan adeegyada casriga ah ee hawada sare ee Internet-ka. Qaababkani tiknoolojiyada casriga ah iyo adeegyada isgaadhsiinta ee intooda badan u gaarka ah Soomaalida waxay lama-huraan u noqdeen socodsiinta hababka baaxadda leh ee xidhiidhadooda ganacsiga caalamiga ah ee adduunka ay ku leeyihiin. Somaalidu waxay dhoofisaa oo ay iib geysaa xoolahooda nool, ilaa Kenya dhexdeeda, ilaa dhinaca kale ee Badda Cas ee dalalka Khaliijka. Qaadka waxa isna laga keenaa Itoobiya iyo Kenya, kumana eka meelaha loo dhoofiyaa Soomaaliya gudaheeda oo qudha, waxase la gaadhsiiyaa dalalka kale ee adduunku ee Soomaalidu ay ku nool yihiin.

Marka si ahaan loo eego, waa wax fajac ah amma la- yaab leh, in Soomaaliya ay tahay mid aan ilaa heerkaas u shaqayn sidii ’qaran dawli’ ah oo casri ah. Iyada oo ka duwan dalalka kale ee Afrika intooda badan, ma aha dal u kala qaybsan qawmiyado kala geddisan amma qabaa’il kala jinsiyado ah. Marka loo eego dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaaraha, waxa u gaar ah Soomaalida inteeda badan oo ay wadaagaan af qudha, cunsur amma asal mid ah, dhaqan ay is kaga mid yihiin iyo diin qudha. Waa wax aan la filayn in tusaalaha kale ee muhimka ah ee loo soo qaadan karo mujtamacyada isku midka ah ee wax walba wadaagaa Afrika, in uu yahay dalka Botswana, oo ka mid ah dalalka Afrika ee qarannimadoodu sida weyn u hanaqaadday.

Hase ahaatee midnnimada Soomaaliya waxa ka hor imanaya oo lid ku ah qaab-beeleedka mujtamacyadaasi u samaysan yihiin, oo ah mid asal ahaan wax kala
qaybiya. Qaabkaasi beelaha iyo qabaailku waa mid aan xad lahayn oo marba marka ka danbaysa sii kala qaybsamaya, carqalad weynna ku ah dedaallada ku saabsan in la sameeyo dawlad dhexe. Waqtigii buuggan la qorayey, dawladda ku-meel-gaadhka ahi waxay ku shaqaynaysey oo ay ku dhisnayd qaab ah in dalka ay ka jiraan afar qabiil amma beelood oo waaweyni, in kasta oo ay jiraan dad badan oo khilaafsan aragtidani. Beeluhu waxay haddana u sii kala qaybsamaan qolooyin amma jilibbo iyo jufooyin, kuwaasi oo haddana hoos u soo daadega, ilaa ay mararka qaar gaadho heer qoysas kooban oo baho ah, oo gooni isku taaga, lana baxa magac ardaa amma juffo. (Sida uu soo xigtey Scott Peterson qoraalladiisii 2002), waxa jirta maahmaah Soomaaliyeed oo caan ah oo si fiican u tilmaamaysa kala qaybsanaanta dabiiciga ah ee mujtamaca:

Aniga iyo tolkay, iyo adduunka kale oo is-haya; Aniga iyo ehelkay, iyo tolkii kale oo is-haya; Aniga iyo walaalkay, iyo ehelkii kale oo is-haya; Aniga iyo walaalkay oo is-haynna.10

Nidaamka qolooyinka amma beeluhu waa mid aad u murugsan oo xattaa Soomaalidu ay ku jahawareerto, qaar ka mid ah Soomaalidaasina ay kuba gacansaydhaan kaalinta qaab-beeleedka la siiyo iyo inay wax ahmiyad ahba leedahay. Mana jecla xattaa inay sheegaan qolada amma beesha ay ka soo jeedaan. Waxa cad in qaab- beeleedku uu ka xoog weyn nidaam kasta oo kale oo siyaasadeed oo la soo rogo, guud ahaanna uu isla markiiba dhaqan rogayo wejigaasi siyaasadeed, qaab- beeleedkaasi oo ah mid ka xoog weyn, kana jiritaan fog qaab kasta oo dawladeed. Hasse ahaate qaab- beeleedku ma aha wax mar walba halkiisa taagan oo aan isbedeleen. Waa isbahaysi firfircoon oo taddawur samaynaya, amma hore u socda, oo si joogto ah ula qabsada xaaladaha iyo duruufaha, mar walbana isla qaabaynaya oo la qabsanaya xaaladaha siyaasadeed ee dalka.

Qolannimada iyo isbahaysigu beeluhu waxay sii xoogeystaan oo ay yeeshaan ahmiyad weyn xilliyada dagaallada iyo colaadaha. Soomaali badan oo reer- magaal ah ayaa sheegay in aanay aqoon qolada amma beelaha ay ka soo kala jeedeen saaxiibadood iyo jaararkoodu, ka hor dagaalladii sokeeye. Mar kasta oo kooxaha dagaalka ee beelaha kala geddisan ku dhisani ay abuurmaanba, waxay noqonaysaa in Soomaalidana ay ku kallifto, oo aanay helin wax kale oo aan ahayn in cid walba ay la safato beeshooda, oo ay kala raacaan kooxahaasi, waqtiyada dagaalladu ay qarxaan. Soo- ifbixitaankii ururrada islaamiyiinu, waxa uu waxooga hoos u dhigay ahmiyaddii beelaha, laakiin waa ka fog tahay wax la hubo inay si buuxda oo joogto ah u tirtir karaan ku- abtirsiga beelaha.

Siyaad Barre laftiisu waxa uu aaminsanaa in sida qudha ee uu wax ku xukumi karaa inay tahay in la aaso oo meesha laga saaro qabyaaladda amma siyaasadda beelaha ku dhisan. Ka dib markii uu xukunka si xoog ah ku qabsaday sannaddii 1969-kii, waxa uu isku deyey in laga gudbo qabyaaladda isaga oo soo rogey qaab hantiwadaag ah. Waxa kale oo uu hirgeliyey af- Soomaaliga oo la qoro sannadihii 1970- yadii, waxanu qaaday loole xoog leh oo heer qaran ah oo dadweynaha lagu barayo wax- qorista iyo wax- akhrinta. Kuwanina waxay ahaayeen dedaal uu ku doonayey in uu abuuro dareen waddaninnimo oo qarannimo.

Laakiin nidaamkii diktaatooriga amma keli- taliska ahaa ee Siyaad Barre waxa uu ahaa qaab si fudud oo la arki karo awodda xukunka u siiya beeshiisii
Daaroodka ee uu ka soo jeedey. Aakhirkiina siyaasaddaasi beelaysantahay ayaa sabab u noqotay dhicitaankiisii. Waxay ahayd colaaddii iyo nacaybkii weynaa ee loo qaaday beelaha Daaroodka, ee ay u qaadeen beelihii kale ee isku arkayey inay yihiin dadkii xaqa u lahaa degaannada Muqdishu, colaaddaasi ayaa dhalisay kacdoonkii aakhirkii jebiyey Siyaad Barre iyo ka-bixitaankiisii magaalo- madaxda, bishii January ee 1991.

Xaqiiqo kale oo daliil u ah degganaansho la’aanta asal ahaan ka jirtey Soomaaliya xilliyadii diktraatooriyaddii Siyaad Barre, waxa weeye in shan bilood oo keliya ka bacdi ay qaybihii Waqooyiga ee dallkaasi ay goosteen, iskoodna ugu dhawaaqeen jamhuuriyadda madax baannaan ee Somaliland. Xuduudaheeguna waxay ilaa xad ku sarjarnaayeen kuwii maxmiyaddii hore ee Ingiriiska, ee iyana loo yaqaanney ‘Somaliland’, maxmiyadaasi oo gooni ka ahayd Koonfurta oo Talyaanigu guumaysan jirey, loona yaqaanney ‘Soomaaliya’, qaab gooni ah oo aad uga duwan maxmiyaddii Ingiriiskana loo maamuli jirey.

Arrin kale oo ka hor imanaysa degganaanshaha Soomaaliya inay noqoto qaran dawli ah oo taabbogal ah, waxa weeye iyana xaqiiqada ah in dadweyne ay wadaagaan dhiig, dhaqan iyo af, ay ku baahsan yihiin oo ay deggan yihiin dhulal ka baxsan xuduudaheega. Xiddigta cad ee shanta gees leh ee ku taalla calanka buluugga ah ee Soomaalida, waxay u taagan tahay ‘Soomaali- Weyn’ oo koobaysa soohdimo iyo qaybo ballaadhan oo ay ka mid yihiin gobollada af-Soomaaliga lagaga hadlo ee Itoobiya, Djibouti iyo Waqooyiga Kenya, iyo weliba Somaliland iyo Soomaaliya.

Tani dhibaatooyin kuma keenayso Soomaaliya oo keliya, balse waxay saamaynaysaa oo kale dalalka xadka tooska ah la leh ee jaarka ah, kuwaasi oo mid walba daka deggan ay ka mid yihiin dadweyne badan oo dhalasho ahaan Soomaali ah oo aan xassilloonayn amma aan la maamuli karayn. Qas iyo dhibaatooyin ka dhaca Somaliyana, waxay ka dhigan yihiin dhibaatooyin saameeya dhammaan dalalka gobolka Geeska Afrika.

Waxa jira faraqyo waaweyn oo asaasi ah oo u dhexeeya sida Soomaalidu u shaqayso ee ay u dhaqanto, iyo sifooyinka calaamadaha la yaqaanno ee lagu xisaabtamo, lana qiimeeyo marka laga cadlayo casrigani, nooca loo aqoonsan karo qaran dawli ah. Ajanebigu waxay kala kulmaan dhibaato iyo fool-adkaan sidii ay u fahmi lahaayeen Soomaalida, waxana jira faraq weyn u dhexeeya qaabka loo wadey dedaalladii ku saabsan in la waajaho oo xal loo helo dhibaatooyinka Soomaaliya, iyo duruufaha dhabta ah, amma xaqaaq’iqa jira ee ay ku dhaqmaan noloshooda dadweynaha Soomaalidu. Dadka ugu habboon inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkooda, marka xal loo raadinayo Soomaaliya, waa Soomaalida laftooda. Tani waxa caddayn u ah oo haatanba markhaati u noqotay ilaa xad sida loogu guuleystey jamhuuriyadda la magic-baxday Somaliland.
Waa wax aan la filayn in gobolkii inta badan quwadaha debaddu ay iska dhaafeen ee aan helin wax buuran oo kaalmo shisheeye ah, in uu haatan ka mid yahay qaybaha ugu deggan, xaqiiqo ahaanna ugu diimoqoraaddisan dhammaan dalalka gobolka Gesska Afrika. Casharro ayaa laga baran karaa waayo- arragnnimaada laga soo kasbaday Somaliland, in kasta oo aan casharradaasi si toos loogu wada dabbaqi karaynin Soomaaliya inteeda kale oo labaatankii sano ee u danbeeyey jid kale oo kan ka duwan qaadaysey.

Dalalka debaddu kaalin ayay ku leeyihiin oo ay ka qaadan karaan arrimaha Soomaaliya, sababta oo ah gaar ahaan jiritaanka kooxo ku xidhan ururka al-Qaacida, iyo budhcad-badeedda oo saamayn khatareed oo caalami ah yeeshay. Laakiin ilaa inta si cad oo buuxda loo fahmayo, loona waajahayo hab iyo qaab ka duwan kuwii hore, waxay ku sii jirayaan arrimaha Soomaaliya, murug iyo jahawareer, xaalado walaac leh iyo khatar ay ku hayso adduunka debadda, waxana sii adkaanaysa sidii dalkaasi loogu heli lahaa xal wax-ku-ool ah, oo wax ugu filan Soomaalida iyo inta kale ee aan Soomaali ahayn labadaba.

In kasta oo Soomaaliya ay ka mid tahay qaaradda Afrika, haddana debadda waxay ku xidhan tahay, hoosna kaga began tahay dalalka iyo dunida Carabta (eeg khariidadda 1.1). Muuqeedu wuxu u eg yahay foolka amma iligga Jeerta; waana xagal toos ah oo fiiqan, kuna taal dacalka ugu shisheeya ee gobolka Geeska Afrika. Ku-dhawaanshaha dhulkaasi uu ku dhaw yahay Jasiiradda Carbeed (amma Khaliijka), iyo xeebta dheer ee uu leeyahay oo gaadhaysa ilaa 30,000 oo kiloomitir oo badweynta Hindiya kaga dhereran tahay dhinaca bari, dhinaca waqooyina uu kaga beegan yahay khooriga istaraatijiga ah ee Khooriga Cadmeed, ayaa macnaheedu uu yahay in Soomaalidu ay qarniyaal badan isku arkayeen inay ka mid yihiin duni ka baxsan amma ka shishaysa Afrika.
Soomaalidu waa dad debadda ku xidhan oo dhoofa amma safra oo socdaal badan, in kasta oo ay yihiin mujtamac ilaa heer aan si sahal ah dadka iyo dhaqammada kale u dhex geli Karin. Waxay dhaqan dheer u leeyihiin badmareennimada, waxayna sannado badan raaci jireen maraakiibta caalamiga ah ee badaha. Malaha dhaqanka iyo weliba xeebtooda oo ku taal meel istaraatiji ah, ahna tan ugu dheer Afrika, ayaa loo aanayn karaa oo laga heli karaa sababaha ugu weyn ee u suurtogeliyey inay qarnigani kow-iyo-labaatanaad noqdaan budhcad-badeedda ugu firfircoon adduunka, kuwaasi oo ilaa dabayaaqadii sannadihii 2000 qabsanayey sannad walba daraasiin maraakiib ah iyo boqolaal dad ah oo ay u qabsadaan madax-furasho.

Ma aha joqoraafiga amma dhul-dhaceeda oo qudha waxa Soomaaliya ka jeediyey Afrika. Dabcan qaaradda Afrika, waxa ka jira dadyow amma qawmiyado aad u kala duwan, laakiin faraqa amma kala-duwanaashaha u dhexeeya Soomaalida iyo Afrikaanka kale intooda badan ayaa ah mid gaar ahaan aad u weyn oo muuqda. Tani waxay ka dhigatay arrin adag oo dhibaato ah, amma xataa aan suurtogal ahayn, in la meeleeyo amma la helo wax sugan oo inta badan lagu mitaalo Soomaalida, marka laga hadlayo siyaabaha loo kala saaro amma loogu kala abtiriyo dadyowga degaannada Afrika ee ka hooseeya Saxaaraha. Soomaali badan ayaan isku arkin inay yihiin Afrikaan; si ahaanna uga geddisan amma ka baxsan. Waxayna ka sheegaan hadallo iyo sifooyin qallafsan oo ay ku tilmaamaan dadka amma jinsiyadaha kale ee ay u yaqaannaan ‘Afrikaanka’, amma ‘Madowga’ amma ‘San-Weynta’.

Mid ka mid ah sababaha ugu wacan dareenkoodan ah inay isku arkaan inay ka duwan yihiin dadyowgaasi kale, waxa weeye Soomaalida oo ah dad si sahal ah loo soo sooci karo inay yihiin dad is leh oo isku hayb iyo uskun ah, amma xattaa isku ‘asal amma jinsi’ ah.1
(eeg qoraalka Richard Dowden, Africa: Altered States, Ordinary Miracles, London, 2008). Iyaga oo ka duwan sida ay yihiin umadaha kale ee inta badan dal kasta oo kale dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaaraha, Soomaalida intooda badani waa dad isku issir amma jinsi ah, isku diin iyo af ah, siyaabo badan oo ballaadhanna isku dhaqan ah.

Dabcan waxa jira qaybo ka gaar ah sifooyinkani. Waxa jira qaybo amma kooxo ka kooban dadka laga tiro badan yahay Soomaaliya, kuwaasi oo dhaqan ahaan la hayb-sooco oo ay iska fogeeyaan beelaha tirada badani. Dadkaasi laga tiro badan yahay qaar ka mid ah, waxa ku dhacay dhibaatooyin dheeraad ah xilliyadii dagaallada. Qawmiyadda ugu weyn qawmiayadaasia laga tirada badan yahay waa qawmiyadda loo yaqaanno Bantu-ga amma Jareerta, kuwaasi oo ka yimid oo ka soo jeeda addoontii iyo beeraleydii dhulkaasi yimid ee degey. Ereyga ‘Jareer’ waxa uu macno ahaan u taagan yahay ‘dadkii timo-adagta ahaa’. Inta badan waxay ku nool yihiin oo ay deggan yihiin dhulka beeraleyda ah ee u dhexeeya webiyada koonfurta Soomaaliya, iyaga oo ah dad ka tabcada beeraha, amma ah farsamayaqaanno xirfadley ah. Laakiin in badan oo ka mid ah dakaasi ayaa la barabixiyey. Mararka qaar, Soomaalidu waxay dadkaasi ugu yeedhaan oo ay u yaqaannaan Addoon.

Qawmiyadaha kale ee laga tiro badan yahay waxa ka mid ah dadka loo yaqaan Banaadiriga, oo ah dad dhaqan ahaan ganacsato ah, asal ahaanna ka soo jeeda Carab, kuna nool oo dega xeebaha. Waxa kale oo ka mid ah kooxo diimeed oo aad u kooban oo Kiristaan amma Masiixiyiin ah, kuwa xagga mihnadda amma xirfaddooda gaar ah dhaqan ahaan lagu yaqaan oo ay ka mid yihiin Tumaallada, Kabatolayaasha iyo dadka ka shaqeeya magdinta hargaha iyo saamaha, iyo dadka loogu yeedho amma loogu waco munaasabadaha gaarka ah iyo ducooyinka. Qawmiyadahaasi laga tiro badan yahay waxay ku hadlaan af-Soomali, laakiin inta badan gooni ayay u degaan, waxana yassa oo quudhsada Soomaalida kale.

Khayraadka (Resources)

Soomaalidu waxay jecel yihiin oo ay ku kaftamaan in, xataa ka sakow dagaallada badan ee ay soo mareen una adkaysteen, in haddana ay ku nool yihiin degaan iyo nolol aad u adag oo dhibaato badan, taasina ay sabab u tahay inay noqdaan dad had iyo jeer col-u-joog ah oo heegan u ah dagaal. Dhulku intiisa badan waa dhul omos ah, oo miyi ah qallalan oo aan la degin, oo si teel-teel ah ay ugu dhaqan yihiin geela iyo xoolaha kale ee aan nugulka ahayn amma u adkaysta degaannada adag, xoolahaasi oo ay raacaan reer miyiga sidoo kale iyaguna ad-adag oo had iyo goor la raadiya biyo iyo daaqsin. Xoolaha nooli waxay qarniyaal badan ahaayeen laf-dhabarta dhaqaalaha Soomaalidu uu ku tiirsan yahay, iyaga oo xidhiidho ganacsi oo badda ah la lahaa dalalka Carabta, dhinac dhulkana dalalka Kenya iyo kuwa kale ee gobolka.

Waa wax xiiso leh marka aad daawato xoolaha la dhoofinayo oo la saarayo maraakiib waaweyn oo ku soo xidhata dekedda magaalada Berbera ee Somaliland, adhi badan oo xayn-xayn amma hormooyin ah oo la soo tubay marinnada dekadda oo lagu rarayo maraakiibta iyo doonyaha, geela oo inta dabar lagu jebiyey, dhexdana lagaga xidhay cayn amma xadhko, ka dibna lagu dallacay oo kor loogu qaaday wiish oo cirka ka soo laalaada. Inta bandanna waxa loo qaado laba-laba, lana saaro dheegga markabka.

Xoolahaasi inta badan waxa loo dhoofiyaa Sucuudiga, halkaasi oo lacag badan lagaga heli karo iibka xoolaha, gaar ahaanna xilliyada Xajka oo suuqa xooluhu aad u furan yahay. Hasse ahaatee ka-ganacsiga xoolahaasi nooli waa mid khatartiisa leh. Sucuudigu waxa uu marmar ku soo rogaa xoolahaasi Soomaalida xayiraad amma manuucis in laga dejiyo oo la geeyo dhulkooda, xayiraaddaasi oo mararka qaar socota sannado badan. Waxa kale oo ganacsigaasi xoolaha khatar joogto-ku-dhawaad ahi kaga timaaddaa abaaraha iyo roob-yaraan.

In kasta oo lacag fiican laga helo iibka lo’da, adhiga iyo riyaha, haddana geelu waa xoolaha ugu mudan ee ugu qiimo badan Soomaaliya, waxanu kaalin weyn ku leeyahay dhaqanka Soomaalida. Caadiyan degaannada miyiga waxa ka mid ah oo aad ku arkaysaa geel dhex wareega dhul iskugu jira geed-qodaxeed, dacarley, tiin iyo dundumoyin. Mararka qaar waxaad akaysaa neef geel ah oo la seeteeyey amma la dabray, oo si qaab daran u dhex bood-boodaya, ugana tallaabaya waddada, taasina ay keento in uu xannibo oo uu joojiyo baabuurtii maraysey waddadaasi. Dhulka kaynta amma yacayga dhexdiisa, waxaad ku arkaysaa nirgo jooga oo dhex wareegaya, nirgahaasi oo laga soocay halahii, si aanay u jiqin. Waxad arkaysaa goosan iyo kadimo geel ah oo foofay oo raamsanaya, una daaqaya dhinac kasta, oo ay la joogaan geeljire reer miyi ah oo dhuudhuuban oo xidhan maryo iyo dhar caadi ah, degtana ku sita ul, oo eegaya geela. Nin la yidhaa Cabdillaahi Faarax ayaa igu yidhi:

Annagu haddii aannu nahay Soomaali, annaga iyo geelayaga lama kala saari karo. Taariikh ahaan weligayo geela ayaannu ku xidhnayn oon ku noolayn kana helnaa caano, hilib, lacagta, iyo rarka oo aannu gaadiid ahaan u iscticmaallo. Waa waxa ugu weyn amma ugu horreeya ee aannu ku guurno geeddiga dheer, kuna raranno dhammaan xaamaanta iyo agabka, geeddigaasi oo maalmo qaata, isaga oo aan u baahan wax biyo ah. Geelu waa laf-dhabarta reer miyiga. Soomaalidu aad ayay u jecel yihiin geela, waayo, si weyn ayay ugu tiirsan yihiin oo ay ugu xidhan yihiin. In kasta oo tiradii dadweynaha reer miyiga ahi ay hoos u sii dhacayso, haddan jacaylka ay u qabaan geelu waa mid aan weligii dhimanayn. Xattaa waannu ka gabaynaa geela. (Abdullah Farah, Farmer, Somaliland).

Geela waxa lagaga baxaa oo la manaafacaadsadaa caadi ahaan waqtiyada iyo duruufaha adag. Waxa lagu bixiyaa yaradka, magta dhiiga amma qiime lacageed oo u dhigma, iyo magta laga xaqo dhaawaca iyo nabarrada. Geelu wuxu u taagan yahay nolosha aasaasiga ah ee Soomaalida, waxayna u tiriyaan gabayo iyo heeso gaar ah oo ay ku ammaanaan, waxayna iska dhigaan oo ay matilaan geelii oo hadlaya. Geela Soomaalidu xataa waxa uu Internet-ka ku leeyahay bog Facebook ah oo u gaar ah.2

Mid ka mid ah sababaha geela loo siiyo mudnaanta ee uu ugu weyn yahay dadka dhaqda, waxa ka mid ah awodda uu u leeyahay in uu u adkaysto duruufaha amma xaaladha adag ee degaannada dalkaasi. John Drysdale oo khabiir ku ah arrimaha Soomaaliya, waxyaabihii uu ka qoray geela Soomaalida waxa ka mid ahaa (The Somali Dispute, John Drysdale, 1964):

Geela Soomaalida, oo ah nooca hal-kurus-laha ah, waxa uu qadi karaa oo uu biyo-la’aan joogi karaa waqti dheer, oo ka badan inta noocyada kale ee geelu xammili karaan. Cimilooyinka ugu kulul ee ugu qallalan, uma baahna in la arooriyo oo la waraabiyo wax ka badan saddexdii toddobaadba mar … Xilliyadaasi jiilaalkana, reer-miyigu waxay ku nool yihiin gebi ahaan caanaha geela. Xataa dharabka amma sayaxa aroornimo ma dhaafo debnihiisa, kuwaasi leefa marka uu dharabsanayo.3

Jacaylka iyo mudnaanta Soomaalidu siiso geela, waxa kale oo si weyn uga hadlay Professor Lewis:

Geela maalka loo dhaqdaa, waa kan qudha ee caanaha ay ka helaan, inta badanna ay ku tiirsan yihiin geeljiraha iyo raacatadu. Kan la rarto, oo inta badan aan la fuulin amma aan caadi ahaan laga dhigan rakuub dadka lagu qaado, marka laga reebo qofkii buka, waxa lagu gurtaa oo gaadiid ahaan lagu qaataa aqalka iyo gurgurka kale ee jilicdasan oo lagu raro, xamaanta iyo dhammaan agabka kale ee reerku leeyahay, marka laga guurayo meel ee loo guurayo meelo kale. Saanta geela waxa laga samaystaa kabaha laga xidho cagaagga socdaallada dhaadheer ee dalka dhexdiisa. Laakiin waxa geela lagu qiimeeyo ee ugu weyn ahmiyadda uu u leeyahay reer-miyiga, ma aha faa’iidooyinkaasi oo qudha. Ka sakow muddada dheer ee ay jirtay lacagta oo lagu isticmaalo wax-kala-bedelashada iyo qiimaynta, haddana waxa ugu weyn ee ugu horraantaba qofka lagu qimeeyo maalkiisa, mansabkiisa iyo maqaamkiisu waa hadba tirada geel ah ee uu leeyahay. Mudnaantan tooska ah ee dhaqanka Soomaalidu uu siiyo geela ee wax walba ka sarraysiiyo, sida iyo wax ugu fiican ee lagu fassiri karaa amma loo sharrixi karaa waa in geeluhu uu yahay waxa wax lagu sarjaro ee lagu qiimeeyo, marka loo eego macaamilka ijtimaaciga ah iyo kan dhaqaalaha ee reer-guuraaga Soomaalida.4

Ka sakow degaannada iyo cimilada adag ee ay ku nool yihiin, haddana xoolahaasi adkaysiga badani ma aha isha qudha ee khayraadka Soomaalidu ku tiirsan tahay. Dhina Waqooyi-bari ee Soomaaliya, waxa taariikh ahaan beryihii hore loo yaqaanney ‘dhulkii Bunt’ amma ‘Dhulkii Udugga’, waayo dhulkaasi oomanaha ah waxa si teel-teel ah uga baxa dhir iyo geedo xabagtooda laga sameeyo oo laga dhigto foox iyo meydin, kuwaasi oo laga baayac-mushtarayn jirey muddo qarniyaal ah, loona isticmaali jirey udug la shitto munaasbadaha diiniga ah ee Masiixiyiinta iy Muslimiinta adduunka. Gobolkaas is-maamulka Waqooyi Bari, waxa uu sannadihii aynnu soo dhaafnay sheegtay oo uu dib u soo ceshaday magacii Puntland, in kasta oo waqtigii buuggan la qorayey uu gobolkaasi caan ku ahaa budhcad-badeedda, oo aanu ku magac-dheerayn udugga.

Sannadihii aynnu soo dhaafnay, waxa laga helay xeebaha Soomaalida kayd ah saliid iyo gas dabiiciga ah, laakiin in la soo saaro kuwaasi waxa xannibay dagaallada, budhcad-badeedda, iyo xaaladaha xagga siyaasadda ee mugdiga ku jira ee aan la hubin amma aan lahayn wax lagaga talo galo. Socdaal aan ku tegey Somaliland sannadkii 2011, waxan kula kulmay kooxo ka kala yimid Norway iyo Saudi Arabia oo halkaasi u yimid inay eegaan sida ay suurtogal u tahay inay ka qayb geli karaan mashaariicda was-soo-saarka xagga tamarta amma shidaalka. Hasse ahaatee, maqnaanshaha aqoonsi caalami ah oo uu helo dalkaasi ayaa dhibaato iyo carqalad weyn hadda ka horba ku noqotay horumarinta qaybtani dhaqaale.

Qaybo ka tirsan Soomaaliya ayaa ah dhul masno ah oo wax laga beeran karo, gaar ahaanna dhulka koonfurta ee u dhexeeya labada webi ee dalkaasi ee Juubba iyo Shabeelle. Dhaqan ahaanna dhulkaasi waxa ku noolaa dad beeraley ah oo falan jirey galleyda, badarka, masagada iyo midhaha kale, in kasta oo wax-soo- saarkii beeruhu uu si weyn ugu dhex tabaaloobey dagaalladii socdey sannadaha badan. Soomaalida reer- guuraaga ahi waxay hoos u eegaan oo ay quudhsadaan dadka beeraleyda amma qodaalka ah, reer-guuraagaasi oo u arka nolosha deggan ee qodaalku inay ka hoosayso dhaqankooda guurguurka ee joogtada ah.

Xilliyadii guumaysiga, waxa laga sameeyey hareeraha webiyada beero waaweyn oo laga beero muuska , kaasi oo inta badan loo dhoofin jirey debadda oo loo iibgeeyo. Ganacsigaasi muusku wuxu socdey dhawr sano waqtiyadii dagaallada kululi ay jireen ee ku xigey dhicitaankii Siyaad Barre – run ahaantiina, ganacsigaasi waxa loo yaqaanney ‘ka-ganacsigii muuska dhiigga ah’ amma muuskii lagu helay dhiigga dagaalka, waxanu gacan ka geystey maalgelinta iyo hanti-u- samaynta kooxihii dagaallamayey qaar ka tirsan – laakiin markii ay sii daba dheeraatay deganaansho- la’aantii jirtey sannadaha badani, waxa burberay dhammaan ka-ganacsigii caalamiga ahaa ee muuska, iyadoo weliba badh ka tirsan beerihii muusku ay ku dhex baaba’een dagaalladii kooxaha hubaysan ee kala geddisnaa. Muusku waxa uu ka mid yahay raashinka muhimka ah ee Soomaalidu ay quutaan, waxana inta badan la raaciyaa cunnada amma soorta muhimka ah.

Xeebta dgeer ee Soomaalida waxa ka buuxa kalluun iyo khayraadka kale ee badda, in kasta oo reer-miyiga xoolo-dhaqatada ahi ay dhaqan ahaan caayaan oo ay quudhsadaan dadka cuna kalluunka. Waxa jirta sheeko amma hal-hays Soomaaliyeed oo ka hadlaya qof reer miyi ah oo yalaalugo amma hunqaaco qabato mar kasta oo uu arko amma la kulmo qof ku nool xeebta, sababta oo ah in mar kasta oo maskaxdiisa ay ku soo dhacdo qof cunaya kalluun, in si weyn loogu kaco oo ay hunqaaco qabato. Ka sakow qabka iyo isla-weynida ay qabaan reer-guraagu, ee ay hoos u eegaan beeraleyda iyo kalluumaysatada, haddana tobannaan kun oo ka tirsanaa dadkii xoolo-dhaqatada ahaa ayay ku kalliftay inay iyaga laftoodu noqdaan beeraley iyo kalluumaysato, ka dib markii ay ku soo barabaxeen abaarihii ba’naa ee badhtamihii sannadihii 1970- neeyadii. ee dawladdu ay u samaysay dakaasi dib-u- dejin, abaarahaasi oo baabiiyey xoolohoodii iyo qaabkoodii noloshooda. Isbedelkan waxay u arkeen mid ceeb iyo weji-gabax ku ah oo aan u qalmin heerkii amma hab-dhaqankii noloshooda.
Quudhsiga la iskala weyn yahay istimaalka kalluunku waxay keentay dhibaatooyin waaweyn xilliyadii macaluusha, sababta oo ah in Soomalida qaar ay diidaan inay cunaan kalluunka, xattaa haddii aanay jirin wax kale oo la heli karaa amma la quuto. Shaqaalaha ajanebiga ah ee hey’adaha gargaarku waxay ka hadlaan dhibaatada ka haysata diidmada dadku ay diidan yihiin ee ay ka soo taagan yihiin inay cunaan kalluunka, amma siiyaan caruurtooda xilliyadii dagaallada ee horraantii sannadihii 1990-meeyadii, xilliyadaasi oo magaalada Muqdisho ay gabaabsi ku noqdeen noocyadii kale ee raashinka intoodii badnayd, iyadoo weliba magaaladaasi ku taal meel xeeb ah oo kalluun ka buuxo badweynta. Waxan xasuusnahay markii aan tegey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdishu xilliyadii uu ugu kululaa dagaalkii sokeeye, oo dadku ay macaluulayeen, laakiin haddana saxarado is- danayaalla oo ka buuxa khayraadka badda amma kalluun ayaa lagu rarayey diyaaradaha oo loo dhoofinayey dalka Saudi Arabia, halkaasi oo lagu iibiyo qiime lacageed oo aad u sarreeya, loona isticmaalo faakihaysi.

In kastoo maanta ay sii kodhayso tirada dadka cuna kallluunka ee Soomaalida ah, haddana khayraadkii badda ee Soomaaliya waxa soo food saartay dhibaato kale. Doonyaha iyo maraakiibta kalluumaysiga ee ajanebiga ahi waxay ka faa’iideystaan burburkii dawladda dhexe, waxayna xaalufiyaan oo ay dhacaan biyaha Soomaalida. Budhcad-badeed badan ayaa ku dooda in sababta ku kalliftay inay ka tagaan xirfaddoodii iyo shaqooyinkoodii kalluumaysiga, inay tahay boobka ajanebigu ku hayo khayraadkii badahooga, taasina ay ku khasabtay inay noqdaan budhcad-badeed. Buugga uu qoray Martin Murphy ee Soomaaliya: The New Barbary? Waxa uu kaga hadlayaa ilaa heerka dhibaatadani ay gaadhsiisan tahay:

Ka dib sannadkii 1991, ma jirin xoog amma ciidan ilaaliya badahan kalluunka. Doonyo ajanebi ah ayaa si weyn oo xun u soo galay badahaasi si ay u urursadaan noocyada kalluunka kala geddisan ee Tuunada, Libaax-badeedka, ceydinka, loobistarka, iyo kalluun-cadka … Doonyaha iyo maraakiibtaasi kalluumaysigu waxay ka kala imanayeen, amma soo maalgelinayey, sharikado deggan dalalka ay ka mid yihiin Yemen, Masar, Saudi Arabia, Pakistan, iyo kuwa kale oo ku yaal soohdimaha adduunka looga yaqaan badaha fogfog ee kalluumaysiga adduunka, kuwaasi oo ay ku jiraan dalalka Taiwan, Shiinaha, Japan, Kuuriyada Koonfureed iyo Thailand, iyo qaar ka tirsan dalalka Ururka Midowga Yurub, gaar ahaanna Spain oo maraakiibtoodu inta badan sittaan calanka Belize, amma ‘calammo kale oo lagu danaysto, laguna dal maro’, si ay uga dul boodaan oo ay u baal maraan xeerarka Ururka Midowga Yurub.5

Reer-Guuraaga (Nomads)

Waa laga yaabaa in waxa ugu weyn ilaha iyo imkaaniyaadka Soomaaliya inay yihiin dadkeeda. Sababta oo ah xaaladaha adage ee ay ku nool yihiin, waa dad hal-abuur iyo karti wax-soo-saar oo weyn leh, aad u adkaysi badan oo xammila duruufaha adag, kuna wanaagsan wax rogrogista amma ganacsiga iyo baayac- mushtarka. Ma jiraan wax badan oo kale oo Soomaalidu ay ku tiirsan yihiin, oo aan ahayn lafahooga iyo xidhiidha adag ee dhexdooda ee beelaha. Meel kasta oo adduunka ay tagaan, way la qabsadaab oo ay ku noolaan karaan, iyaga oo inta badan gala ganacsi amma geddisleyn. Ka sakow sannadihii badnaa ee colaadda iyo dhibaatooyinkii kale ee keenay in Soomaali badani ay debadda degaan, amma ay ku jiraan sannado badan xerooyinka qaxootiga amma kuwa barabaxayaasha, in badan oo ka tirsan Soomaalidaasi waxay weli ku sii dheggan yihiin, si weynna ugu faanayaan dhinacyo badan oo ka tirsan dhaqankoodii reer-guuraannimo, in kasta oo dhaqankaasi uu yahay qaab-nololeed in badan oo iyaga ka mid ahi ay ka tegeen waa hore.

Waa adag tahay in tirokoob sugan laga sameeyo wax kasta oo laga helo Soomaaliya, hasse ahaatee waxa lagu qiyaasaa in inta u dhaxaysa boqolkiiba 60 ilaa 70 Soomaalidu inay yihiin reer-guuraa amma ay ku xidhan yihiin reer-guuraannimada.6 Si ka duwan xaaladaha dalal badan oo kale oo Afrikaan ah oo hoos loo eego amma la quudhsado mujtamaca iyo dhaqanka reer-miyiga, Soomaalidu, xataa kuwa ku nool magaalooyinka dalka gudhiisa iyo debadduba, waxa maankooda ku jira oo ay qiimeeyaan dhaqanka iyo qaab-nololeedii noocaas ahaa, waxayna sii wadaan xidhiidhka iyo danihii ay ku lahaayeen miyiga. Waxan la fadhiistay wax badan oo aan arkay Soomaali aannu is naqaan, magaalooyinka London, Nairobi, Hargeysa iyo Muqdishu, iyaga oo ka hadlaya, si hammi ah, geelooga iyo raga ilma- adeerradood ah ee nasiibka badan ee weli reer- guuraaga sii ah, amma ku sii hadhay noloshii miyiga. Waxa weli loogu jecel yahay ee la weyneeyaa waa geela, oo Soomaalidu ay ku sheegto waxa ugu fiican uguna adag Soomaalida oo dhan. Waxay leeyihiin kaftan xiiso leh, laakiin maldahan, oo ay hoos u eegaan waxa ay ku tilmaaman nolosha fadhiga ah ee caajiska ah ee reer magaalka, sida iyaga oo kale. Professor Ioan Lewis Waxa uu faahfaahinayaa sida dhaqanka reer- guraannimadu uu xuddun-dhexaad ugu yahay hab- nololeedka Soomaalida:

Ma noqon karto wax la buunbuuninayo amma laga bad-badinayo in miyigu uu yahay laf-dhabarta dhaqaale ee dadweynaha Soomaalida intooda badan, iyo in qaab-nololeedka miyiga iyo dhaqankii reer- guraagu, in ay yihiin kuwa ka mudan ee ka horreeya dhammaan dhinacyada kale ee nolosha Soomaalida. Iyada oo ka geddisan marka la barbar dhigo sida ay yihiin mujtamayada reer-guuraaga ah ee tirada yar ee dalalka kale, reer-guuraaga miyiga Soomaalidu kama go’na magaalada, kamana soocna oo kama duwana dhaqan ahaan iyo bulso ahaanba dadka kale ee magaalooyinka deggan intooda badan, shaqaalaha rayidka ah amma shaqaalaha dawladda ee kale ee ay ka midka yihiin ciidamadu. Laga bilaabo min madaxweynaha ilaa hoos, heer kasta dawladda iyo maamulka, ilaa kuwa reer-magaalka ah ee ku nool nolol casri ah , waxay ku leeyihiin miyiga walaalo iyo ilma- adeerro, iyo xoolaha nool oo wax ugu jiraan, oo ay qaybo ku leeyihiin. Shaqaalaha rayidka ah ee magaaladu caadiyan waxay maalgeliyaan xoolaha oo loogu hayo miyiga, una hayaan xigtadooda miyiga deggani.7
Waxa muhiim ah in la fahmo jiritaanka ‘dhaqanka iyo dabeecadda’ miyiga ee Soomaaliya, sababtuna waxay tahay in taasi ay sahlayso oo sharraxayso in la garto sababaha dalkaasi uu uga horjeedo ee uu uga dhabar- adygayo in la helo nidaam ku dhisan dawlad dhexe.

Sida uu u faahfaahinayo Ioan Lewis, aragtida ku saabsan ‘nidaam iyo qaab awodeed oo maamul leh, heerar kala sarreeya, waa aragti bidci ah oo shisheeye oo debadda ka ah dhaqanka mujtamaca reer- guraaga ee Soomaalida, kaasi oo isagu leh nidaamkiisa iyo xeerarkiisa dhaqanka ee la xidhiidha hababka loo gaadho ee loo qaato go’aammada, habkaasi oo ku dhisan qaab diimoqoraaddi ah oo ilaa heer noqon kara mid aan ku dhisnayn wax nidaam dhexe ah’.8

Nolosha iyo dhaqanaaksi reer-guraagu waxa kale oo uu sharraxayaa sababaha aanay Soomaali badan wax macno ugu lahayn ee aanay u tixgelin xuduudaha dalalka iyo aragtida ‘dal’ lafteeda. Reer-guuraagu waxay wareegaan oo ay u guurguraan dhulalkii qarniyaal badan ay mari jireen tolkoodii iyo reerahoogu, iyaga oo aan wax dan ah ka gelin amma aan tixgelin wax xuduud ah oo kala tusmeeya, in kasta oo dagaalladii ay arrimahani isku dhex qasseen.

In kasta oo degaannada magaaloobay, iyo dagaalladii sanadaha badan socdey iyo abaaruhuba ay keeneen in Soomaali badani ay ka tagto miyigii iyo noloshiisii, haddana weli waxa caadi ah in qoysaska magaalooyinka ku nool ay caruurtooda wiilasha ah u diraan miyiga, si ay halkaasi u soo joogaan dhawr bilood oo ay ula soo noolaadaan qaraabadooda reer-guuraaga ah, taasi oo loola jeedo inay ku ‘soo ad-adkaadaan oo ay soo qabtimaan noloshaasi adag’. Suxufiga Soomaaliyeed ee Maxamed Cadde, oo iga caawiyey intii aan ku jirey ururintii macluumaadka buuggan, waxa uu ka hadlay markii uu yaraa oo laga diray magaalada Muqdishu, loona diray miyiga, si uu ula soo joogo ilma- adeerradiisii reer-guuraaga ahaa. Waxanu yidhi:

Afar iyo labaatanka saacadood, hal mar ayaannu wax cuni jirney, cunnadaasi oo ka koobnayd caano geel oo lis ah. Waxan cuni jirney hilib dhawrkii caano-maalba mar. Biyaha la cabbaa waxay ahaayeen ‘biyaha dhirta’ oo laga nuugo amma muudsado xididdada iyo midhaha dhirta. Waxan ku seexan jirney dhul qaawan oo aan wax gogol ah lahayn, oo kaynta dhexdeeda laga xaadh-xaadho meel nadiif ah, oo aan hore loo cagacagayn, oo la jiifsado. Laakiin marka hore waxaan mar walba iska hubin jirney in aan wax masas ahi ku jirin halkaasi, inta aannaan dhinaca dhulka dhigin. Reer miyigu wax badan iskuma raraan oo waxay qaataan wax yar oo fudud. Waxay qaataan weyso qori ah oo biyaha lagu shubto, biyahaasi oo aan loogu talo gelin in la cabbo, laakiin lagu weyseysto, waayo, salaadda ayaa ka weyn cabbista biyaha. Waxa kale oo ay qaataan Barkin qori ah oo marka la seexanayo habeenkii laga dhigto barkimo madaxa la saaro. Waxa kale oo ay qaataan hub qori ah, amma ul, iyo mar walba toorray amma abley dhexda ugu xidhan. Beryahan, qof walba waxa uu sittaa telifoonka gacanta ee moobiilka, kaasi oo faa’iido weyn u leh si ay u ogaadaan wararkii u danbeeyey ee qiimaha suuqa xoolaha, iyo inay kula xidhiidhaan tolkood iyo qaraabadooda. Reer-guraagu waxay xidhaan laba go’ oo cad-cad iyo kabo laga tolay saanta geela amma shaagga baabuurta ee gaboobey.

Reer miyigu waa dad dabiici ahaan askar oo kale ah, waxayna ku nool yihiin nolol heegan ah oo dagaal-u- joog ah. Waa dad ad-adag, oo aan qaadan wax xamaan ah oo culaysiya, una baratay inay socdaalaan oo ay lugeeyaan dhul aad u fog. Waa dada la qabsan og xaaladaha nololeed ee dagaal iyo dagaalyahannimada, ha noqoto dagaallada Islaamiga ah, kuwa miliishiyooyinka beelaha, amma ciidamada dawladda. Waxa dhici karta oo kale in qaar ka tirsan reer miyigu ay u dagaallamaan cid kasta oo ay wax dheeraad ah ka helayaan amma siinaysa lacagta ugu badan.. Waxa jirey warar joogto ah oo sheegaya in kooxda Islaamiyiinta ah ee al-Shabaab ay si toos ah dad uga soo qortaan oo ay uga soo kaxaystaan ciidamada dawladda, iyo sidoo kale in ay dhacdo in dawladduna ay ka soo kaxaystaan qaar ciidammada al-Shabaab, sababtuna ay tahay hadba ka bixinaya ee ku ballan qaada mushahar ka sarreeye kan kale.
Dumarka reer miyigu waxay sidoo kale ku jiraan nolol adag oo culays ah. Inta raggu ku maqan yahay geela iyo lo’da, waxay sii joogaan reerka oo ay ku hayaan caruurta iyo dadka da’da ah, kuna sii ilaaliyaan halaha, adhiga amma idaha iyo riyaha. Khabiirka wax ka qora arrimaha Soomaaliya ee Michael Walls (The Emergence of a Somali State, African Affairs, 2009), waxa uu ku doodayaa in, in kasta oo dumarka Soomaalidu ay kaalin aasaasi ah ku leeyihiin dhaqaalaha miyiga iyo kan magaaladaba, in haddana mudnaanta iyo ahmiyadda mujtamacu uu siiyo kaalintoodaasi ijtimaaciga ah, inta badan aanay ahayn tan kowaad ee ay tahay ‘xagga danbe’ amma mid hoosaysa. Waxana ka mid ah dooddiisa:
In kasta oo aanay ahayn qaabka keliya, haddana hababka lagu xoojiyo xidhiidhka debadeed waxa ka mid ah xididnnimada amma kala-guursiga.
Habkaasina waxa ka dhasha aakhirka kaalin weyn oo laba dhinac amma weji ah, oo in kasta oo aanay ahayn rasmi, haddana ay yeeshaan dumarku, oo ay u dhexeeyaan xidhiidhka reerkii ay ka dhasheen iyo reerka ay u dhexeen. Iyada oo dumarka Soomaalidu ay muddo dheer lahaayeen kaalin muhim ah oo ah inay u kala dab-qaadaan beelaha, inay kaalin ka qaataan abaabulka reerka dhaqaalihiisa iyo xoolaha, iyo inay ka shaqeeyaan oo si dadban u saaraan culays iyo xoog suurtogelinta in la helo oo la gaadho arrimaha qaar, haddana talada iyo go’aannada rasmiga ah ee kama-danbaysta ah, ee la xidhiidha arrimaha ijtimaaci iyo kuwa siyaasadda, waxay si weyn ugu xidhan yihiin amma u yaallaan oo iska leh ragga.9

Qoraaga Soomaaliyeed ee Nuuraddiin Faarax, waxa uu si gaar ah u dareensan yahay oo uu ugu baraarugsan yahay kaalinta dumarka ee mujtamaca Soomaalida. Cunwaanka uu siiyey buuggiisii ugu horreeey ee uu qoray, oo uu u bixyey Feedh Qalloocan (From A Crooked Rib), cunwaankaasi waxa uu ka soo qaatay hal-hays Soomaaliyeed oo dumarka loogu maahmaaho, dadka qaarna ay aaminsan yihiin inay maahmaahdaasi asal ahaan ka timid xadiis nabaw:
Ilaahay, dumarka waxa uu ka abuuray feedh qalloocan, qofkii isku daya in uu toosiyaana, wuu jebinayaa.

Buuggu waa sheeko ku saabsan gabadh reer miyi ah oo la yidhaa Ceebla, oo reerkii ka baxsatay, una carartay xagga magaalada, lana kulmaysa oo ku danbaynaysa dhibaatooyin badan oo kala geddisan oo ka soo maraya guurka raga ay la kulanto. Waxana ka mid ah faqradaha sheekooyinka buuggaasi:
Si weyn ayay u necbayd kala takroorista loo kala eexanayo ragga iyo dumarka: fikradda ah in innamada amma wiilashu ay sidaan magacii iyo heybaddii qoyska iyo reerka. Xataa ninka dabbaalka ah amma maraanka ah ee kala dhiman, waxa uu kelidii la qiimo yahay laba naakood, marka la bixinayo magta dhiigga. Innamada, wiil kasta waxa la siiyaa min labaatan ilaa soddon geel ah marka loo xoolo-goynayo. Laakiin dumarku waa in ay sugaan waxa calafkoodu noqdo ee uu ku danbeeyo: marka ay helaan dhaxdin ee la guurasado. Inanku isla marka uu dhasho, waxa markaaba loogu xuddun-xidhaa hal. ‘Malaha, Ilaahayba ragga ka jecel dumarka,’ ayay is- tidhi.10

Buug danbe oo uu qoray Nuraddiin Farah, oo la yidhaa Gifts, waxa uu kaga sheegaynayaa xaaladaha iyo duruufaha la soo gudboonaanya shakhsiyadda sheekadu ku socoto oo la yidhaa Duniya:

Waa marka ay isku aragto inay tahay qof dumar ah, kana fikirto waxay ay tahay naagnimo amma dhedignimadu … waa markaa marka Duniya ay qalbi-jabto ee qulubto. Nolosheedii oo dhan, heer kasta iyo meel kasta, min caruurnimadeedii ilaa muddakarnimadeedii, xilli kasta oo ay gasho, waxay gelaysay oo ay taagnayd ‘meelo iyo marxalado’ kala geddisan, marxaladahaasi iyo meelahaasi oo mid walba rag uuni maamulayey, oo ka talinayey, gacantana ku hayey. Miyayna ka tegin gurigii aabbaheed, si toos ahna ugu wareegin Subeyr [ninkeedii ugu horreeyey]?

Miyayna haddana ka cararin Subeyr oo aanay u gelin Shiriye [ninkeedii labaad]? … Isla markaasi, intaasi oo dhan, waxa isna jirey walaalkeed Abshir, oo iyada ka weyn, oo ah nin macaan oo wanaageeda jecel, oo meel kasta iyo waqti kasta ku daba-jirey, lana socdey oo ka war helayey dhammaan dhaqdhaqaaqeeda, tallabo kasta oo ay qaaddo, iyo wax kasta oo ay yab-yabato: Abshir oo ah maxadad amma marxalad kale oo ka mid ah nolosheeda. Haddana waa nin kale. Imika waa Bosaaso [saaxiibkeed]. Xikmadda sheekada? (Morale della Storia?) Duniya way barabaxday, sida dumar kale oo fara badan oo dunida jogaaba ay ku sugan yihiin. Dumar ahaanna, way fara-madhan tahay oo ma lahayn wax milki amma hanti ah.11

Ilaa imikadan, wax badani iskama bedelin xalaadda dumar badan oo jooga Soomaaliya. Wasiirka qaabilsan arrimaha dumarka ee dawladda ku-meel-gaadhka ah, Maryam Qaasin, waxay sheegtay sannadkii 2011-kii in ‘khatarta ugu weyn ee qofka dumar ahi ay maanta ku sugnaan karto Soomaaliya dhexdeeda, waa haddii ay uur yeelato’, sababta oo ah nabadgelyo la’aanta halkaasi ka taagan iyo adeegyadii aasaasiga ahaa ee umusha oo aan jirin. Khatartu maha oo qudha ta ay ku sugnaan karaan xataa dumarka sida caadiga ah u foosha ee u umula; Hey’adda Caafimaadka Adduunku (WHO) waxay iyana sheegtay isla sannadkaasi, in kala-badh in ku dhawdhaw dadka ay soo gaadhaan dhaawaca xabadaha ee Soomaaliya, inay yihiin caruur da’doodu ay ka yar tahay shan jir.

2 Dumar ka tirsan askarta ciidamada dawladda ku-meel- gaadhka ah (Mohamed Moalimuu)

Gabayga (Poetry)

Reer-guuraaga Soomaaliyeed waxay leeyihiin dhaqan- afeed xoog leh, waxana laga yaaba in taasi ay ugu wacan tahay noloshooda maadiga ah oo baahsan, iyo dhaqaalaha iyo khayraadka noloshoodu ku tiirsan tahay oo teel-teel ah. Professor Lewis waxa qabaa oo uu sheegayaa in suugaan-afeedka iyo gabaygu ay yihiin fanka ugu mudan ee ugu qiimo weyn waxyaabaha laga helo ee ay leeyihiin ‘Soomaalidu’. Fan- suugaaneedkaasi quruxda badan ee gaarka ee takhasuska ay u leeyihiin, waa mid ku bannaan qaabka iyo dhaqanka dad reer-guuraa ah oo u bartay inay mar walba si sahal ah ula guurguuraan xoolohooda iyo xamaantooda, laakiin hibo u leh af amma luqad qani ah. Soomaalidu waa dad u dhashay inay hadlaan oo ay afka ka hadlaan, gabayo tiriyaan, kuna fiican sheeko- xariirada iyo inay wax isku tebiyaan.’12

Soomaalidu waxay si dhakhso ah ula qabsadeen oo ay dhaqan-afeedkoodii ku dabbaqeen tiknoolojiyada cusub ee maanta. Waxay si weyn oo xad-dhaaf ah u daneeyaan dhageysiga idaacadaha iyo telifishannada. Xattaa waxa la sheegay in xilliyadii dagaallada sokeeye ay ugu kululaayeen ee sannadihii 1990-meeyadii, in dadku ay joojin jireen dagaalka waqtiga ay soo galayso idaacadda af-Soomaaliga ee BBC-du, si ay u dhageystaan. Waxa kale oo ay aad u isticmaalaan adeegyada Internet-ka; waxa jira boqolaal barood amma website oo u go’an wararka Soomaalida, siyaasadda iyo dhaqanka.

Gabaygu waxa kale oo uu weli ku sii leeyahay nolosha Soomaalida kaalin weyn oo muhim ah, iyadoo tixraac amma tusaale iyo hal-qabsi loo soo qaato gabayadii raggii hore ee dhintay iyo kuwa maanta joogaba, oo lagaga hadlo ammaanta, faanka, xifaalaynta iyo wax- iska-sheegga, dhiirrigelinta, wax-is-xasuusinta, iyo in lagu dabbaqo marka laga doodayo xaaladaha maanta taagan.

Gabayaaga ugu caansan waxa ka mid ahaa Sayyed Mohamed Abdulle Hassan oo loo yaqaanney ‘ Mad Mullah’ amma ‘Wadaadkii Waalla’, oo noolaa intii u dhaxaysey sannadihii 1860 ilaa 1921-kii. In badan oo ka mid ah gabayadiisa, waxa uu u adeegsan jirey dagaalka, si uu u kiciyo oo uu u dagaal-geliyo ciidankiisa, una cabsi-geliyo cadowgiisa. Waxa kale oo gabayadiisu ka hadli jireen dhinacyada kale ee nolosha Soomaalida, kuwaasi oo ay ku jiraan xaaladaha adag ee nolosha degaannada dabiiciga ah ee ay ku dhex sugan yihiin. Waxana ka mid ah tixaha gabaygan calaacalka ah ee soo socda (oo Sayid Maxamed Cabdulle Xassan kaga calaalcalyo dhul barwaaqo ahaa oo daraawiishtu ka soo guurtey, ka dibna meeshii ay u soo guureen ee ay degeen ay ka heshay abaar xumi):

Ramag dhalay lo’ wada riira iyo, raasumaal adhi ah
Rigta ciirta caanaha la raqi, racawadii maalka
Ragraag sixinta oo gog weyn, lagu rabbaasaayo
Rogob iyo baruur iyo caddiin, ramaqsigii goolka
Raka sare rawaaxi iyo xariir, raarta laga buuxshay
Ribix waxan ka helay maalintaan, rababkii Ayl iilley
Ra’yigayga kuma hayn inaan, rug uga guuraaye
Wax rafaad i soo galay markaan, awrta soo raraye
Rabbi niman oqoon bay qubay, raaxadaan qabaye
Rag baa igu cabiidshaye Nugaal, uma risaaloone
Niman baa riddaan igu wadaye, raalli ma ahayne
Reerkayga kama soo mareen, rabadinkuu yiille
Sidaan raaska Dhooddi ugu furay, rina ma dheefayne
Risiq lagama helin geelashii, reysinka ahaaye
Kolba haddaan ka soo ruqay kobtay, ramastu ii tiillay
Kolaan ruqur jabsado maalintay, rayadu geedowdo
Amaan raran gashado quullihii, raanta le’ekaaye
Curdankii ruguugucay kolaan, rubuc ka soo beegto
Amaan midhaha roobkii ku baxay, regad ka soo buuxsho
Haddaan Hawd rabaalkiisa aal, dan uma riiqdeene
Waxay ii riyaaqsheen dalkii, reebida ahaaye
Waa meel dugaag roorayaa, ruqumbiyaayaaye
Waa meel raqdii aad tagtaa, ruux dada ey tahaye
Waa meel aan raan geeda weyn, raxan ka daaqayne
Waa meel ris iyo caws rudma ah, laga rifaayaaye
Waa meelaan raandhiis lahayn, ruus ka soo baxaye.13

Jacaylka, dagaalka, dumarka iyo geeluba waxay yihiin arrimo dhammaan si siman uga ka dhex muuqda oo laga hadlo gabayga Soomaalida. Tixahan soo socda, waxay ka mid yihiin gabay uu tiriyey nin kale oo gabayaa ahaa oo la odhan jirey Cumar Xusseen Ostreeliya (Australia), oo dhintay sannadihii 1960-meeyadii.

Waxa lagu naanaysi jirey ‘Cumar-Ostareeliya’, sababta oo ah isaga oo si joogto ah uga hadli jirey dalka Australia oo uu booqasho ku tegey socdaalladiisii adduunka uu ku mari jirey. Gabaygani soo socda oo uu ku ammaanayo gabadh uu ku hal-qabsanayoo oo la yidhaa Weris, waxa uu isla mar kaga hadlayaa quruxdeeda iyo shanqadha ka baxaysa qalabka ay sidato, sida rasaas dhacaysa oo kale:
14

In gabay laga tiriyo oo laga faalloodo xaaladaha imika taagan, waa arrin khatarteeda leh, noqonna karta wax xattaa naftaada halis geliya. Cabdirashiid Cumar, oo ah nin dhallinyar oo gabayaa ah, waxa uu tiriyey bishii December ee 2009, gabay amma guurow uu u bixiyey ‘Fatwa’, ka dib markii qof ismiidaamiyey uu isku qarxiyey xaflad qalin-jebin ahayd magaalada Muqdishu, oo loo samaynayey arday ka soo qalin jebisay kulliyadda caafimaadka, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan labaatan qof oo ay ku jireen wasiirro dawladda ka tirsanaa. Ururka al-Shabaab waxa uu u sheegay ninkaasi in uu amma ka noqdo gabaygaasi oo uu buriyo, amma tiriyo guurow kale oo uu ku ammaanayo al-Shabaab, haddii kale in la dili doon isaga. Cabdirashii arrintaasi waxa uu ku gacansaydhay hanjabaaddaasi, waxayna ku kalliftay in uu dhuumasho galo oo uu is-qariyo.

Guurowgaasi ‘Fatwa’ waxa ka mid ahaa tixahan soo socda:

Helley waataan lahaa,
Fa’ looxbaa lagu dhigaa,
Furqaan waa la akhriyaa,
Faruuryaa laga hadlaa,
Faraaxo lagu qabtaa,
Feeraa laga neefsadaa,
Falaax waa faws Ilaah.
Fa’dii kale waxan lahaa,
Farood waa ficil dugaag,
Fidniyo dirir waa fasaad,
Fallaar-tuur iyo is-feer,
Firaar laga dheefo mooyee,
Colaad faa’iido malaha.
Fa’dii kale waxan lahaa,
Soomaaliya furuq qabsaday,
Fidnadii jeer hore fag tiri,
Banaadiiqdii la furay,
Fataatiir iyo ciyaar,
firqo lagu jabay dhammaan,
Ayaan kuba fooraroon,
Fekar baan la maahsanaa.
Fa’dii kale waxan lahaa,
Furuuc Soomaaliyey,
Fallaagada reer Shabaab,
Waxay fiicnaan filaan,
Waxay qarax faafiyaan,
Fantiyo furuq weeye oo,
Furqaanku u maanicoo,
Fassir loo haynine,
Waar hoy fiirsada dadow…15

Gabayada dhaqanka iyo heesuhuba waxay yihiin qaar weli kaalin dhexe ku leh nolosha dhaqanka Soomaalida, laakiin iyaga laftoodu waa wax qaabkoodu isbedelayo oo la qabsanaya waqtiga, laguna dabbaqayo hadba qaababka cusub ah ee socda, gaar ahaanna siiqada amma heesaha loo yaqaanno riglada (rap), siiqadaasi oo ah mid gaar ahaan dhaqan-afeedku u jajaban yahay amma aad ugu bannaan. Tusaale ahaan fannaanka Soomaaliyeed ee reer Canada, Kaynaan, waa laashin si weyn ugu caanbaxay fankaasi casriga ah ee loo yaqaan raabka amma riglada. Dhallinyarada Soomaaliyeed ee iyaguna deggan dalkan Ingiriisku, waxay isku badhxeen oo ay isku dareen heesihii dhaqanka iyo qaababka muusikada casriga ah, markii ay soo saareen hees gaar ah oo ku baaqaysay sii-deynta laba qof oo lammaane ahaa oo Ingiriis ah, oo u afduubnaa budhcad-badeed Soomaali ah oo qabsatay sannadkii 2009.

Dhaqanka gabayadan Soomaalida ee leh hal-abuurka sare, kaftanka, is-xifaalaynta iyo maahmaahyaha, waxa iyaguna soo raaca naanaysaha loo bixiyo Soomaali badan, oo si xiiso leh oo xariifnnimo loo dhigo, kuna ladhan macne amma sifo maldahan, mararka qaarna si toos ah oo aan naxli lahayn loogu yeedho qofkaas. Dad waaweyn oo muhim ah ayaa loo yaqaan oo ku magac-dheer naanaystooda oo qudha. Waxa ka mid ah hogaamiye- beeleed awod badan oo la yidhaa Shaati-Guduud, iyo Indha-Cadde oo loogu bixiyey isaga oo caado u leh in uu hadba indha-caddeeyo oo uu kor u taago marka uu wax eegaya. Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre waxa loo yaqaanney Afweyne. Macnaha ereyga amma magaca Siyaad laftiisu waa ‘Barihii amma dhibcihii Madoobaa’, amma ‘Calaamadihii Madoobaa’. Naanaysaha kale ee caanka ah waxa ka mid ah Gurey oo loogu yeedho qofka bidixlaha ah, Ganey oo loogu yeedho qofka foolasha qaar ka maqan yihiin, Rooble oo loo bixiyo qofka dhashay maalin-roobaad amma roob da’ay, iyo Geelle oo macne ahaan ah qofkii geela badan lahaa, inta badanna loogu yeedho dadka amma qofka dheer ee xooggan. Dumarka laftoodu, mararka qaar waxay leeyihiin naanayso loo bixiyo, kuwaasi oo inta badan ah ammaan-bilaash amma ka-badbadis. Waxa ka mid ah Sonkorey oo tilmaamaysa macaan, Luul oo macnaheedu yahay Dheeman, iyo naanaysta Cod-Weyn.16

Soomaalidu waxa kale oo ay leeyihiin magacyo badan oo ay ugu yeedhaan ajanebiga, oo inta badan quudhsi ah. Dadka caddaanka ah, waxa loogu yeedhaa Gaalo oo loola jeedo dadka aan ‘Ilaahay aaminsanayn’ amma ‘kufaarta’ ah. Magacan waxa kale oo loogu yeedhaa dadka kale ee aan Muslinka ahayn iyagu. Ruusha iyo Maraykanku waxay leeyihiin magac gaar ah oo loo yaqaan, kaasi oo ah reer Kaba-Weyne, laguna tilmaamayo qaradooda amma jidkooda weyn iyo sida xoogga ah iyo cududda leh ee ay u tallaabsadaan. Carabta waxa mararka qaar loogu yeedhaa Dheg-Cas, Shiinahana Indha-Yar.

Qaadka (Qat)

Waxa kale oo ka mid ah dhaqanka Soomaalida, cunista Qaadka. Caleenta amma geedkan oo lagu mirqaamo, waxa laga beeraa Kenya iyo Ethiopia, Soomaaliduna waxay u fadhida saacado badan oo ay qayilaan, inta badanna gelinka danbe iyo fiidkii. Qaadku waa wax aad ugu faafay Soomaalida, ayna qabatimeen oo intii dagaallada sokeeye ay socdeen oo dhan, diyaarado lagu geyn jirey Soomaaliya, diyaaradahaasi oo ku degi jirey garoomo la xaadh-xaadhay oo aan rasmi ahayn oo ku kala yaal meelo fog-fog oo khatar ah oo dalka ka tirsan. Ganacsiga Qaadka waxa laga helaa sannadkii lacag gaadhaysa tobannaan malyuun oo doollar, umana muuqan haba yaraatee mid dagaalladii ay saameeyeen oo ay joojiyeenay.
Marka Qaadku soo dhaco ee uu yimaaddo, waxa abuurma jawi kacsan oo buuq ah. Xaafadda Eastleigh, oo ah xaafad ka tirsan magaalada Nairobi oo Soomaalidu ay degto, waxa timaadda baabuur cararaysa oo si degdeg ah u soo gala xaafaddaasi, kana yimaadda gobolka Meru ee badhtamaha Kenya, halkaasi oo laga beero Qaadka. Marka baabuurtaasi ay soo galaan, waxa abuurma buuq miyir-la’aan ah oo la is dhexyaaco, iyada oo qaad- walyaashu ay boobsiyaan inay kala soocaan qaadkaasi cusub ee soo dhacay, una kala xidhaan qaybo loo kala diro oo loo kala dhoofiyo Yurub, iyo inta gudaha lagu iibinayo ee la reebayo. Eastleigh waxay leedahay suuq u gaar ah oo lagu iibiyo Qaadka, loona yaqaan ‘Suuqa Qaadka’, suuqaasi oo cammiran, ayna ku yaallaan sakado meherado iyo tukaammo yaryar oo foodda saqafka sare ee jiingadda ah laga soo wada lulay amma la sudhay xidhmooyin ka kooban laamaha Qaadka. Nooca ugu wanaagsan ee ugu tayo sarreeya Qaadka waxa lagu iibiyaa xidhmadii ilaa $30 doollar oo Maraykan ah. Jidadka suuqaasi waxa ka buuxa maqaaxiyo, halkaasi oo dadku ay si nafis ah ugu fadhiyaan kuraas amma derbiyada oo ay ku qayilayaan, kuna cabbayaan shaah iyo sigaar, biyo amma cabbis kale oo fudud.

Maqaaxiyahan shaaha laga cabbo, oo ka mid ah dhaqanka Soomaalida meel kasta oo adduunka ka tirsan, waxay ka dhigan yihiin oo kale gole yar oo baarlamaan oo lagu kulmo, si kululna loogaga doodo arrimaha xagga siyaasadda ee gudaha iyo dhacdooyinka caalamiga ah. Marka ay afkooda kala qaadaan ee ay hadlayaan, waxa maraka qaar ka soo qubta calyo doog ah, oo ah qaadkii ay taqsiisanaayeen, oo debadda u soo duula. Waxaad moodda waxoogaa sidii lo’ raamsanaysa, iyaga oo daamankooda ay ka muuqdaan oo ay ka soo buuran tahay taqsiinta weyn ee ay ku gureen. (Qof ka mid ah dadka sida weyn u qayila, xaafadda Easleigh ee Nairobi, ayaa iiga warramay sida uu dareemo iyo sababta uu u cuno Qaadka):

Waxan ahay muqayil weyn, horyaalka cunista Qaadka. Annagu haddii aannu nahay Soomaali, waxannu rumaysannahay in Qaadka uu yahay wax lagu nafiso oo uu yahay waxa ugu fiican ee buuqa iyo wareerka iyo daalka la iskaga biiyo. Maskaxda ayuu si weyn u dejiyaa oo ka saaraa wareerka iyo walaaca. Qaadku waa shay lagu mirqaamo, laakiin haddana waa wax lagu nasto oo lagu raaxaysto. Marka aan Qaadka cuno ee aan mirqaamo, nolol cajaa’ib leh oo fiican ayaa i hortimaad oo aan galaa. Marka aanan qayilin, waxan dareemaa cidlo amma keli oo waan qaloodaa. Cunista Qaadka, waan ku furfurmaa oo si weyn ayaan ugu sheekeeyaa, waanu i dejiyaa. Dadka qaar ayaa yidhaa Qaadka waa lagu dawakhaa amma waa lagu waashaa, laakiin anigu taasi ma rumaysni. Xataa haddii uu caafimaadkayga wax u dhimayo, dan kama lihi oo kama werwero, waayo waan ka helaa oo wuxu iga dhigaa mabsuud. Had iyo jeer, waannu ku kaftannaa Qaadka oo aannu isku dacaayadaynna, waxanannu isku nidhaa ‘ri camal ayaa u egtahay’, iyo ‘geel camal ayaad u egtahay’. Ragga waaweyn ee muqayilka ah, sidayda oo kale, qayilaaddu waa waqtiyada ugu fiican ee ugu raaxada badan noloshayada. (Maleele, Qaad-cun, xaafadda Eastleigh, Kenya).17
Suuqyada magaalo-madaxda Hargeysa ee Somaliland, oo ah qaar cammiran oo dhaqdhaqaa badani ka jiro, waxaad ku dhex arkaysa dumar xijaaban oo ka soo jeeda sandaqado iyo buushash lagu sawiray xidhmooyin Qaad ah. Waxay iibiyaan Qaadkaasi oo ay ragga ugu ridaan baco midabkoodu yahay buluug. Mid ka mid ah ‘dhibaatooyinka’ amma waxyeellada qaadku uu leeyahay waa xashiishka. Somaliland inteeda badan waxad ku arkaysaa bacahaasi oo ka wada dhalaalaya, kuwaasi oo marka dadka qaadka cunaa ay iska tuuraan, dhirta qodaxda lihi qabsato, halkaasina ka wada lulmaya marka dabayshu ku dhacdo.
Dhakhtar qaabilsan cudurrada ku dhaca maskaxda amma dhimirka, oo magaciisa la yidhaa Aden Ismail, waxa uu ii sheekay, bukaan-socodka u yimaadda ee uu eego, inta ay leeg yihiin dadka isku buuqsan ee qaba waxyeello ka soo gaadhay amma la xidhiidha cunista qaadka. Waxa uu ii sheegay in uu markaas ka yimid guri ku yaal Hargeysa oo saddex nin oo walaalo ah lagu hayo, laguna xidh-xidhay silsilado lagu jebiyey oo loogu xidhay gidaarrada guriga. Si halkaasi loogu hayo oo lagaga ilaaliyo inay weeraraan amma waxyeello u geystaan dadka kale ee qoyska xaafadda, amma laga ilaaliyo inay debadda u fakadaan oo ay Qaad u doontaan.

Soomaali-Weyn (Greater Soomaaliya)

Dareenka xoogga badan ee la xidhiidha Soomaalinimada iyo dhaqanka Soomaaligu waa qaar dhaafsiisan oo ka shisheeya xuduudaha Soomaaliya iyo Somaliland; taasi oo in la ogaado jiritaankeedu ay muhiim u tahay in la fahmo ‘dhibaatada Somaalida’ iyo siyaasadda guud ee gobolka.

Soomaali badan ayaa aaminsan in la khayaameeyey oo laga dhacay dhul. Soomaaliya waa mid ka duwan dalalka kale ee Afrika badankooda, dalakaasi oo ay ku wada nool yihiin qawmiyado jinsi ahaan kala duwan dal kasta gudihiisa, kuwaasi oo had iyo jeer u tartama awodda xukunka iyo khayraadka. Laakiin marka la barbar dhigo dadweynaha Soomaaliyeed, waa qaar ku kala baahsan dhulalka gobolka Geeska Afrika oo jooga degaanno wax badan ka shisheeya inta ku qeexan xuduudaha waddankooda. Haddii waddanka Soomaalida lagu soo daro dhammaan dhulalka ay degaan ee ay u badan yihiin Soomaalidu, waxa uu noqonayaa waddan aad uga ballaadhan inta uu maanta yahay ee Soomaaliya ka kooban tahay marka lagu daro jamhuuriyadda la magac- baxday Somaliland. Professor Ioan Lewis waxa uu ku doodayaa in ‘Soomaalidu ay tahay qawmiyadda jinsi ahaan ugu baahsan amma ugu filiqsan marka loo eego keli-keli qawmiyadaha Afrika … waxayna ku nool yihiin oo ay had iyo jeer degaan dhul aad u ballaadhan oo gaadhaya ilaa 400,000 oo mayl oo dhinac kasta iska leeg.’18
Calanka qaranka ee Soomaalida, waxa ku yaal xiddig cad oo dhexda kaga taal calan midabkiisu yahay cirka oo kale amma buluuki ah. Shanta gees ee xiddigtaasi waxay u taagan yihiin shanta gobol ee ‘Soomaali- Weyn’, dhulkaasi oo aan weligii u jirin dal qudha oo qaran ahaan loo aqoonsan yahay, laakiin ah mid Soomaali badani ay u arkaan dhulkoodii hooyo ee ay xaqa u lahaayeen, mararka qaarna ay u galeen dagaallo sidii ay taasi u xaqiijin lahaayeen ee ay u samayn lahaayeen.

Hase ahaatee fikradda ku saabsan in la isku wada keeno oo la mideeyo dhammaan Soomaalida oo dhan, waxay u muuqata wax aan ka badnayn riyo amma khayaal.

‘Soomaali-Weyn’ weligeed ma noqon dal mid ah oo qaran ahaan u jira, xattaa intii ka horraysay intii Qaaradda Afrika aan la kala qayb-qaybsan ee isticmaarkii, xilliyadii ‘Saami-qaybsiga Afrika’.

Iyadoo Soomaalidu ay tahay asal ahaan dad reer- guuraa ah, waana dad had iyo goor socda oo xoolahooda kolba meel u raraya, una wada guura oo u dega reer- reer inta badan isku xidhan oo uu ka dhexeeyo dhiig dhalasho amma dhaqan guur. Ma jirin baahi weyn oo dhaqaale, amma siyaasadeed, amma mujtamac oo loo qabay qaran dawli ah oo mid ah amma mucayan ah oo Soomaaliyeed, in kasta oo Soomaalida lafteedu ay yihiin dad isku mid ah, oo gaar ah, oo si weyn la iskugu soo sooci karo.

‘Soomaali-Weyn’ waxa ku jira qaybo ka tirsan dhammaan dalalka deriska la ah Soomaaliya, sida awgeedna fikraddan Soomaali-Weyn waa mid khatar ku ah dhammaan dalalkaasi jaarka ah. Saddex ka mid ah shanta gees ee xiddigta Soomaalidu, waxay u kala taagan yihiin gobollada waqooyi-bari ee Kenya, bariga Itoobiya, iyo Djibouti, kuwaasi oo dhammaantood ay degaan dad badan oo asal ahaan Soomaali ka soo jeeda. Labada gees ee kale ee xiddigtaasi waxay u taagan yihiin Soomaaliya iyo jamhuuriyadda la magac-baxday Somaliland (eeg khariidadda 1.2).

Khariidadda 1.2 ‘Soomaali-Weyn’ iyo sida ay u kala deggan yihiin beelaha waaweyni(Lewis 2002 [1980])

Xaqiiqada ah in dadka Soomaalidu ay ku baahsan yihiin oo ay degaan dhul aad uga ballaadhan waddanka Soomaaliya ee hoos yimaad dawladda oo keliya, ayaa keenaysa oo macnaheedu uu yahay in sheegadasha dhul- ballaadhsiga ah ee ku saabsan in dib loo soo celiyo oo la isku wada keeno degaannadaasi Soomaalida, in sheegashadaasi ay marka la eego taariikhda gobolkasi Geeska Afrika oo dhan ay u horseeday oo ay dhalisay deganaansho la’aan joogto ah. Riyada ‘Soomaali-Weyn’ waxa qabay oo agtiisa ay ka jirtey dagaal-oogihii gabayaaga ahaa, Sayyid Maxamad Cabdulle Xassan. In kasta oo aanu weligii ku guulaysan in uu hirgeliyo oo uu sameeyo waddan Soomaali-Weyn ah, haddana waxa uu beeray midhihii iyo fikradda ah in loo dagaallamo ‘Soomaali-Weyn’ oo uu ku beeray maskaxda faacyo badan oo danbe oo Soomaali ah.

Laga soo bilaabo gobannimadii Soomaaliya ee 1960-kii, hoggaamiyayaal kale oo uu ku jiro madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayaa khatar iyo hanjabaado dhul- ballaadhsi ah ku hayey dalalka la deriska ah. Siyasaddaasi waxay mar keentay isku-dhac hubaysan oo milateri oo mar walba ku dhammaanayey Soomaaliya oo ku jabta, oo aan ka keenin wax guul ah oo ay ku si joogto ah ugu soo korodhsato dhulal kale. Dagaallada ugu xumaa ee ugu burburka weynaa waxa ka mid ahaa dagaalkii lala galay Itoobiya ee uu ku dhawaaqay Siyaad Barre sannadkii 1977, kaasi oo ku dhammaaday in si xun loogu jebiyo Soomaaliya, isla markaasina sababay oo horseeday dhicitaankiisii.

Riyada ‘Soomaali-Weyn’ waa mid jirta ilaa maanatadani. Kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaalidu, oo uu ka mid yahay ururka al-Shabaab, waxay u adeegsadaan qaddiyaddan, hub ay ku dagaal galaan iyo baaq qaylo-dhaan ah oo ay ku kiciyaan dadweynaha, si ay u helaan taageero. Tani waxa kaga yimid dhibaato iyaga dib ugu soo noqotay sannadkii 2006-dii, markii mid ka tirsan hoggamiyayaashii Maxakamadihii Islaamiga ahaa, Sheikh Xassan Dahir Aweys, uu ku hanjabay in uu qabsan doono gobolka Soomaalida ee Itoobiya. Dhammaadkii isla sannadkaasi, Itoobiya waxay weerartay oo ay gashay Soomaaliya, waxayna xukunkii ka tuurtay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah (UIC).

Colaado iyo dagaallo is xigey, iyo weliba dhibaatooyin ku yimid degaanka ayaa kallifay in boqolaal kun oo dadweynihii Soomaalida ahaa inay ka baxaan dalkoodii oo ay noqdaan amma qaxooti, amma tahriibayaal dhaqaale-raadis ah. Baadhitaan ay samaysay Qaramada Midoobay sannadkii 2009 (UNDP, Soomaaliya’s Missing Million: The Somali Diaspora and its Role in Development, 2009), waxay ku qiyaastay in ilaa hal milyan oo qof oo ka mid ah guud ahaan tirada dadweynaha Soomaalida oo dhan ilaa toban milyan, in ay ku nool yihiin oo ay degeen dalka debaddiisa.19

Hase ahaatee tirokoobyadani waxay u baahan yihiin in si taxadir leh la iskaga hubiyo, sababta oo ah iyadoo ay dhibaato tahay in tirokoobyo sugan laga samayn karo Soomaaliya gudaheeda iyo arrimaha Soomaaliya, iyo iyadoo ay baaba’een in badan oo ka mid ah diiwaannadii iyo waraaqihii xafiisyada dawladdu xilliyadii dagaallada.

Soomaalidu waxay tegeen oo ay degeen dalalka deriska ah ee Kenya, Ethiopia iyo Djibouti, iyo dalalka kale ee Afrika. Qaar kale waxay tegeen dalalka Yemen, Khaliijka iyo Saudi Arabia. Waxa kale oo jira jaalliyado aad u badan oo Soomaaliyeed oo deggan dalalka Maraykanka, Canada, Australia iyo Yurub, gaar ahaanna dalka Ingiriiska, Holland, Italy iyo dalalka Scandinavian-ka. Soomaalidu waa dad runtii caalamka ku baahsan, waxayna si buuxda uga faa’iideysteen tiknoolojiyada cusub, si ay u adeegsdaan qalabka isgaadhsiinta oo ay ku wada xidhiidhaan, iskuna xaal ogaadeen oo ay is kaalmeeyaan, meel kasta oo ay adduunka ka kala joogaan. Addeegyada Internet-ka, telifoonnada moobiilka, iyo awodda ay u yeesheen inay si dhakhso ah u xawilaan lacagayow iyaga oo adeegsanayaa tiknoolojiyadaasi casriga ah, ayaa dinac ahaan muujinaya inay jirto wax u dhigma amma u eg fikradda ‘Soomaali-Weyn’ oo kale, fikraddaasi oo gaadhsiisan xattaa meel ka baxsan oo ka fog inta ay koobayso ee ay tilmaamayaan shanta gees ee xiddigta Soomaalidu. In kasta oo ‘Soomaali-Weyn’ aanay weligeed ahayn amma noqon marnaba wax dal ahaan u jirey, laakiin waxay u jirtaa rajo ahaan iyo wax lagu hirto, taasi oo ay qabaan oo aaminsan yihii Soomaali badani ilaa maantadani, kuwaasi oo isku arka inay ka mid yihiin ‘Qaran Soomaaliyeed’ oo weyn oo ka ballaadhan inta xuduudaha hadda jiraa ay koobayaan.

Dhinaca kale wax jira xoogag iyo waxyaabo ka geddisan oo burinaya amma ka horimanaya firaddani dhul-ballaadhsiga, oo kala qaybin ku keenaya isla dalkaasi gudihiisa. Mid ka mid ah jahawareerka weyn ee ka jira Soomaalida dhexdeeda iyo ammurahooda, oo si toos ah lid ugu ah oo ka horimanaysa riyadii ‘Soomaali-Weyn’, waa beelaha amma qabaa’ilka iyo qaybaha kale ee loo kala baxay, kuwaasi oo keenay in dalkaasi si weyn u kala jajabo oo u kala qaybsamo gudihiisa. Xoogaggaasi amma kooxahaasina waxay ahaayeen kuwa iyagu gacanta sare leh laga soo bilaabo ilaa sannadihii u horreeyey ee qarnigan kow-iyo- labaatanaad. Soomaaliyana waxay u kala qaybsantay dalal iyo dawlado yaryar oo dhawr ah, oo qaarkood ay gaadheen guulo u hirgala oo ka badan kuwa kale marka la barbar dhigo.

Xaqiiqada ah in Soomaaliya ay kala jajabtay oo kala qaybsantay, in kasta oo ay yihiin dad isku mid ah marka loo eego xagga jinsiga, luqada, diinta iyo dhaqanka, ayaa macnaheedu ay tahay in mar kale sidii hore ee loo arki jirey, loona dersi jirey dhibaatooyinka siyaasadeed ee Afrika, in aan lagu dabbiqi Karin Soomaalida oo aanay la mid ahayn. In badan oo ka mid ah dhibaatooyinka ka jira Nigeria amma Sudan, tusaale ahaan, waxa si weyn loogu aaneeyaa oo sabab looga dhigaa kala geddisnaanta xagga diinta iyo jinsiga, in kasta oo xaaladaha dhaqaale iyo arrimo kaleba ay kaalin ku leeyihiin. Xaaladaha iyo sababaha dhalinaya dhibaatooyinka Soomaaliya, la mid ma aha oo looma raaci karo sababahan; waxase loo baahan yahay in sidooda iyo gooni ahaantooda loo derso oo loo fahmo.

Dalkii markii noqday Qarankii Soomaaliya ee madax bannaanaaday bishii July ee 1960-kii, waxa uu haddana ka mid noqday dalalka ugu cimri-gaabtay qaaraddaasi, waxanu taagnaa oo uu u jirey ka qaran ahaan muddo wax yar ka badan soddon sano. Gobolkii waqooyi-galbeed ee Somaliland waxay iskood ugu dhawaaqeen inay noqdeen jamhuuriyad gooni ah sannadkii 1991-kii, in kasta oo aanay helin aqoonsi caalami ah. Puntland oo ku taal dhinaca waqooyi-bari, waxay leedahay dawladdeeda iyo ilaa heer maamul madaxbannaan. Qaybo badan oo kale oo ka tirsan dalkaasi ayaa iyguna goonidooda u shaqeeya oo isku maamula, in kasta oo maamulladaasi iyo gacan- ku-hayntoodu ay mar walba is bedesho oo kolba cidi qabsato, kooxaha kala geddisan ee danaha ka leh. Iyo weliba xuduudaha qaybahaasi u dhexeeya oo aan sugnayn, isna bedela (eeg khariidadda Map 1.3).

Qaybhaasi qaar ka tirsan waxa ka taliya oo gacanta ku haya kooxaha Islaamiyiinta ah, qaar kalena waxay ku kala xidhan yihiin beelaha, qaarna waxay leeyihiin ‘madaxweynayaal’ iyagu iskood isku magacaabay oo qurbaha ku nool, oo amma marmar gaadha halkaasi, amma aan weligoodba tegin. Sannadkii 2011, qaybo ka tirsan magaalada Muqdishu iyo meelo kale oo tiro yar, waxa maamulaysay dawlad taag daran oo ku-meel-gaadh ah oo ay taageerayaan ciidammo nabad-ilaalineed oo ka socda Ururka Midowga Afrika. Xaaladahani mar walba is bedelayaa waxay dhibaato ku noqdeen noloshii caadiga ahayd ee Soomaalida, kuwasi oo mar walba ay ku khasabto inay la qabsadaan, una dhaqmaan hadba qaabka ay la yimaaddan kolba kooxda qabsata gobolka ay ka tirsan yihiin ee ay deggan yihiin, iyaga oo ogsoon in mar kasta ay dhici karto in haddana koox kale ay timaaddo oo ay maamulka qabsato.

Beesha (The Clan)

Waxa ugu weyn ee Soomaalida kala qaybiyaa waa beelaha amma qabiilka, kaasi oo ka koobma, iskuna xidha kooxo dad ah oo noqda qaybo gooni-gooni ah amma ardaayo, una dhigma jufooyinka amma qabaa’ilka kale ee isku abtirsiinta ah. Jiritaanka xidhiidhka beelahaasi ayaa mar walba ku ahaa carqalad adag oo aan la dhaafi Karin, in laga abuuro Soomaaliya qaran dawli ah oo casri ah. Arrintani waxay qayb ahaan sharraxaysaa amma tilmaamaysaa sababta loogu guuldarraystay dedaalladii gudaha iyo kuwii debadda ee ahaa in la ‘mideeyo’ Soomaaliya oo la wada hoos keeno maamulka dawlad dhexe oo qudha oo joogta magaalada Muqdisho.

Intii aan wadey xog-baadhka buuggani, Soomaali dhawr ah ayaan weydiiyey kaalinta iyo ahmiyadda beesha amma qabiilka. Jawaabaha aan ka kala helay waxay muujinayaan sida qodobkan amma arrintani ay u tahay mid xasaasi ah. Mid ka mid ahi waxa uu iigu jawaabay:

Aadbaad u xishood daran tahay, in aad ka hadasho oo aad i weydiiso qabaa’ilka; ma aha wax jira. (Cumar Maxamed, Ganacsade, Muqdishu).

Gabadh kale waxay igu tidhi:

Beesha amma qabiiku waa xuddun-dhexaadda dunida Soomaalida. Iyada ayaa sal u ah wax kasta oo aannu nahay amma samaynanno (Aisha-Mariam, kaaliye bulsho, Hargeysa).

Ninkanna, waxay isaga la tahay:

In Soomaalida loo arko oo loo raad-raaco beel- beel waa wax gaboobey oo taariikhdii hore uun ku eg. (Yoonis Xassan, ganacsade, Baydhabo).
Nin kalena wuxu igu yidhi:

Haddii aad doonayso Soomaalida in aad fahamto, sida qudha ee lagu fahmi karaa waa iyada oo la kala fahmo sida iyo waxa ay kala yihiin beeluhu (Yuusuf Nuur, Oday-dhaqameed, Muqdishu).

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee loo baahan yahay in la famo marka laga hadlayo qabaa’ilka Soomaalida, waxa weeye in la ogaado inay yihiin wax hadba is bedelaya oo isku dhex qassan, oo aan mar walba kala qeexnayn. Soomaalidu ma aha wax si sahal ah loogu kala sooc- sooci karo qaab-beeleedyo sugan oo kala qeexan. Sabatuna waxa weeye in beel kastaa gudaheeda ay sii kala qaybsanto, oo ay u sii kala baxaan jili-jilib iyo juffooyin amma bah-bah, taasi oo sii socota ilaa heer hoose (eeg shaxda 1.1).

Isbahaysiga ka dhexeeya qaybahaasi amma bahahaasi iyo ardaayadan mar walba sii kala qabsamaya ee aan dhammaadka lahayni iyo meel ay isku tagaan, haddana waa qaar mar walba is bedelaya. Taasi ayaana dhibaato ku ah in dadka ajanebiga ahi ay fahmaan. Meel marka hore u muuqata inay mid tahay, ayaa u sii kala bixi kartaa laba jilib amma ka badan, oo iyaga laftoodu is qaban kara oo iska horiman kara. Kuwii markii hore ahaan jirey saaxiibada amma tolka ‘walaalaha ah’ ayaa isla marakaaba haddana noqon kara col; sidoo kale kuwo ay ka dhaxaysey ‘cadaawadi’ ayaa noqon karaa saaxiibbo, si dhakhso ah.
Arrintani waxay dhacday sannaddii 2006-dii, markii koox ka kooban qabqablayaashii dagaalka iyo rag kale oo ganacsato ahaa ay isbahaysteen ee ay samaysteen ururkii Ka-hortagga Argagixisada iyo Dib-u-soo- celinta Nabadda (ARPCT), kuwaasi oo doonayey inay ka hortagaan oo ay iska caabbiyaan awoddii isbahaysiga maxkamadaha shareecada ee Muqdishu oo sii faafaysay.
Ururkaasi ARPCT waxa la sheegay inuu ka heli jirey taageero badan iyo lacagba hey’adda mukhabaraadka Maraykanka ee CIA, heyaddaasi oo laga dhaadhacsiiyey in maxkamadihii shareecadu ay u taagan yihiin khatar argagixiso oo Islaami ah. Maraykanka iyo dawladihii kaleba waxay ku jahawareereen isbedellada lama filaanka ah ee hoggamiyaashii ururka ARPCT oo marba dhinac u xaglinayey, mar ay u galaan oo ay ku biiraan dhaqdhaqaaqii maxkamadaha iyo mar ay sidoo kale ka soo goostaan oo ay dib ugu soo noqdaan ururkii ARPCT. Isbedelladaasi joogtada ah ee isbahaysiyadu waa qaar cudur noqday caam yeelay oo ka jira khilaafyada iyo dagaallada Soomaalida, waana wax loo baahan yahay in lagu xisaabtmao, aanu ogaado qof kasta oo isku deyaya in uu fahmo Soomaaliya.

Laanta af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa markii ugu horraysay ii kala sheegatay oo i kala bartay beelaha Soomaalida, horraantii sannadihii 1990-meeyadii, waqtigaasi oo ahaa xilliyadii ay ugu xumaayeen dagaalladii koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, ka dib dhicitaankii Siyaad Barre. Waxan dareemayey sidii waxan qaadanayo oo an aan ka shaqaynayo cashar ku saabsan xisaab heer sare ah oo kale, iyaga oo kolba ii sawiraya shax, sida beelaha iyo jilibbadau u kala baxaan, si murugsanna u muujinaya xidhhiidhka isbahaysiyada amma bahaha iska hor iyo daba noqonaya ee si ku-meel-gaadh ah uga dhex jira qabaa’ilkaasi. Marka aan is idhaa hadda ayaad si fiican u fahamtay qaababkaasina, waxa dhacda in mar kasta wax kasta si degdeg ah isla markaaba isku bedelaan. Reer ayaa u sii kala baxaya jilib-jilib, juffo-juffo iyo bah-bah, iyo magacyo aanan hore u maqal. Reer markii hore mid ahaa ayaa sii kala baxaya oo kala jabaya, oo dhexdiisii iska hor imanaya, si weynna isku gumaadaya. Waxa kale oo aan ogaaday in xataa shaqaalaha kala geddisan ee laanta af-Soomaaligu, ay qaarba i siinayaan qaabab iyo sawirro kala geddisan isla xaaladahaasi Soomaalida, taasi oo ku xidhan hadba beelaha ay ka soo kala jeedaan. Mararka qaar waxa ka dhex dhasha doodo aad u kulul oo ay si kaftan ah qaarkood isku weeraraan, beelaha gaar, iyo qaar kale oo aan kaftankaas waxba ku darsan.
Ma aha Soomaalida oo qudha kuwa ka dooda beelaha, xattaa aqoonyahannada aan iyagu ahayn Soomaali iyo khubaro kale ayaa iyaguna ku kala qaybsan arrimahani. Aqoonyahannadaasi qaarkood waxay ka duulaan dhinaca beelaha marka ay dersayaan ee xog-baadh ku samaynayaan Soomaalida, qaar kalena waxay ku doodaan iyo in qodobbo amma arrima kale oo kala geddisan, oo ay ka mid yihiin xaaladaha dhaqaalaha iyo xidhiidhada ijtimaaciga ah, inay kaalin weyn oo muhim ah ku leeyihin qaababka Soomaalidu ay u astaysan tahay.
Iyadoo mawduucan amma arrimaha ku saabsan beelaha iyo qabaa’ilka Somaalida hore aad loogaga hadlay qoraallo kale oo badan, ma doonayo in aan wax badan ku sii talax tago, oo ka badan bogaggan kooban ee soo socda. Hasse ahaatee waxan kula kulmi doonnaa cutubyada soo socda qaar ka mid ah, waayo waa lama- huraan, aniga oo rumaysan in mar walba beeluhu ay kaalin xuddun-dhexaad ah ku leeyihiin arrimaha Soomaalida. Sida ay u tidhi caalinka culuunta Antrooboolojiyada ee Virginia Luling, beeluhu ‘ma aha wax ku fiican oo qudha inay iyagu dhexdooda dagaallamaan, (amma wada baayac-mushatreeyaan, amma siyaasad isku qabtaan), laakiin waa wax ku habboon in lagu fikiro oo la derso’. (eeg: Virginia Luling,’Genealogy as theory, genealogy as tool: aspect of Somaii”Cianship”, Social Identities).20

Waa wax aan suurtogal ahayn in la fahmo Soomaaliya, haddii aan maanka lagu hayn oo aan la fahmin beelaha. Waxa kale oo muhiim ah in la ogaado shakhsiyaadka Soomaalidu qabaa’ilka ay ka soo kala jeedaan amma qofka qoladiisa iyo cidda uu yahay, in kasta oo aan dhammaan qof kasta oo Soomaali ahi aanu diyaar u ahayn amma aanu doonayn in uu ku sheego qabiilkiisa.
Xattaa in la isku dayo in la magac-dhabo beelaha muhiimka ah ee Soomaalida ayaa ah arrin keeni karta dood iyo muran; shirkii nabad-raadinta Soomaaliyeed ee sannadihii 2002 – 2004 waxa uu soo jeediyey in wax lagu qaybsado hab-beeleed, kaasi oo maamulladii ugu danbeeyey ay u isticmaalayeen qaabka loo raacayo awod-qaybsiga xukunka dalka. Qaabkaasi oo loo yaqaan ‘qaabka 4.5’, waxa uu sheegayaa inay jiraan afar beelood oo waaweyn oo kala ah Daarood, Dir, Hawiye iyo Raxanweyn. ‘.5’ amma nus-jabkaasi wuxu u taagan yahay beelaha yaryar oo dhan. Hasse ahaate habkani ma noqon mid ay ku wada qancaan dhammaan kooxaha amma beeluhu, qaarkoodna waxayba u arkeen inay ku tahay ceeb iyo quudhsi iyaga oo rumaysan in aan la siin saamigii ay ahayd inay helaan ee ay lahaayeen.

Ahmiyaddii beeluhu ay lahaayeen waxa si ahaan mugdi geliyey isbedellada dhawaanaha ku soo kordhay Soomaalida, gaar ahaanna soo ifbixitaanka kooxaha Islaamiyiinta ah, sida al-Shabaab oo kale. Laakiin dhaqan ahaan hab-beeleedku waxa uu weligii ahaa waxa salka u ah qaabka Soomaalida iy xeerarkoodu ay ku dhisan yihiin, gaar ahaanna reer-guuraaga amma reer- miyigu. Iyaga oo dadweynuhu ay ahaayeen qaar had iyo goor guurguura oo socda, qaybaha amma lafaha isku abtirsiinta ah ayaa ah waxa salka u ah ee uu ka soo unkamo mujtamaca Soomaalidu. Abtirsiintooda ayaana dadku ay ku ogaadaan cidda ay yihiin, iyo xidhiidhka amma inta ay isku jiraan cid kasta oo kale. Soomaali badan ayaa weli korka ka haysa oo taqaan abtirsiintooda dheer amma fog, ilaa awowoyaashoodii hore; qaabkana waaxa uu ka mid yahay waxyaabaha salka u ah dhaqan-afeedkooda, waxanu u suurtogeliyaa in qof walba uu is ogaado cidda uu yahay iyo meesha uu ka soo gelayo mujtamaca. Marka reer-miyigu ay kulmaan, si ay isku aqoonsadaan, inta badan way is tohoydaan oo waxay isweidiiyaan cidda ay yihiin, taasi oo siyaabaha qaar ula mid ah baasaaboor oo kale.

In aad taqaanno abtirsiintaada, waa arrin muhim ah, mararka qaarna noqon karta oo keeni karta badbaado amma geeri. Sida uu John Drysdale ugu faahfaahiyey buuggiisa, Soomaalidu aad ayay u yaqaannaan abtirsiintooda:’Qof kasta oo ka mid ah iyaga, laga soo bilaabo marka uu ilmuhu yahay siddeed jir, waa in uu yaqaan oo uu kor ka tirin karaa abtirsiintiisa, ilaa labaatan amma soddon oday, ilaa laga gaadho odayga ugu danbeeya ee la iskugu wada yimaad.’21

Buugaagta badan ee uu ka qoray Soomaaliya, professor Lewis waxa uu wax badan kaga hadlayaa qabaa’ilka, waxanu u arkaa in beeshu ay laf-dhabar u yahay Soomaalida:

Waa abtirsiinta iyo haybta tan hoggaamisa isbahaysiyada siyaasadeed iyo qaybaha is- kooxaysiga. In kasta oo Soomaalidu ay mararka ku sheegaan oo ay ku tilmaamaan ahmiyadda abtirsiinta iyo faai’iidadeedu in ay la mid tahay uun tan cunwaanka reer Yurub ee looga baahan yahay in qofku yeesho, haddana si loo fahmo ahmiyaddeeda runta ah waa in la ogaadaa inay ka fog tahay oo ay ka weyn tahay abtirsiintu wax u taagan in uu qofku sheegto dhalashadiisii hore amma meesha uu ka soo jeedo oo qudha. Abtirsiintu waxay qeexaysaa maqaam amma kaalinta siyaasadeed iyo tan xeer-sharciyeed ee qofku ku lahaan karo guud ahaan mujtamaca Soomaalida dhexdiisa, iyo meesha uu ka gelayo ee uu ku leeyahay nidaamka ijtimaaciga ah.22

Sida uu u sheegayo Ioan Lewis, beeshu waxa kale oo ay dhaqan ahaan sal u tahay hab-sharciyeedka amma xeerarka Soomaalida. Xidhiidhka ugu weyn ee beesha dhexdeedu waa tan u dhaxaysa ee isku keenta qoysaska meel ka soo wada jeeda ee isku raaska ah amma isku abtirsiinta ah, oo tiro ahaan ka koobmi karaa min dhawr bqoqol ilaa dhawr kun, waxayna ku bahoobaan xeerka dhiigga amma magta oo waajib kaga dhiga inay qaybsadaan oo ay bixiyaan, amma qaataan magtaasi oo loo yaqaan Diyada. Nidaamkani waxa uu asal ahaan ka soo jeeda dhaqan reer-guuraaga Soomaalida, oo inta badan ku dagaallami jirey biyaha iyo baadka yar oo ay iskaga horyimaaddaan. Qaabka lagu xalliyo khilaafyada waxa loo yaqaan Xeer, waxana jira guurti odayaal ah oo loo saaro oo yeesha waxa loo yaqaanno Shir, si ay uga wada xaajoodaan bixinta magtaasi, inta ay noqonayso iyo sida loo kala qaybsanayo.

Shirweynayaashii dhawrka ahaa ee nabadaynta Soomaalida, iyo Golaha Guurtida ee Jamhuuriyadda la- baxday Somaliland, waxay siyaabo badan u taagan yihiin oo ay ula mid yihiin wax ka yimid oo ka soo jeeda dhaqankaasi shirka odayaasha. Jiritaanka nidaamkaasi xeer-Soomaaliga ee dhaqanka oo lagu daray weliba shareecada, waxay noqdeen wax faa’ido badan u yeeshay Soomaalida intii ay socdeen dagaalladii iyo khilaafyadii Soomaalidu ilaa labaatankii sano ee u danbeeyey. Waxayna galeen kaalintii uu qaadan lahaa nidaam dawli ahi, kaasi oo sida muuqatay burburay, kana tirtirmay qaybo badan oo ka mid ah dalkaasi.

Waxa jirtay mara badan oo la isku deyey in laga gudbo nidaamka beelaha. Soo-ifbixitaankii kooxaha Islaamiyiinta ahi, waxa uu siyaabaha qaar u hadheeyey oo uu u yareeyey ahmiyaddii beelaha, waayo, miliishiyooynika kooxahaasi, marka dusha laga eego, waxa isku keenayey diinta amma sida ay u kala taabacsan yihiin faracyada diinta, ee ma ahayn inta badan xidhiidhka xagga wada-dhalashada. Waxa jira ururrada diiniga ah ee ay ka midka yihiin al-Shabaab oo ku xidhan al-Qaacida, Xisbul Islam oo isagu waxoogaa qunyar-socod ah marka loo eego kan hore oo al-Shabaab ay qabsatay oo la wareegtey sannadkii 2011-kii, iyo ururka darriqada Suufiyadda ee Ahlu Sunna Wa Jamaaca. Hasse ahaatee dhammaan kooxahani, gaar ahaanna hoggamiyayaashooda, waxa ilaa heer mid walba lagu xidhiidhiyaa oo la sheegaa inay ka soo jeedaan beelaha qaar amma juffooyin gaar ah.

Dedaalkii ugu weynaa oo wax badan laga soo shaqeeyey sidii loo tirtiri lahaa qabyaaladda waxa uu dhacay xilligii Siyaad Barre uu wadey ‘hantiwadaagga cilmiga ah’, sannadihii 1970-neeyadii, markii Soomaaliya ay isbahaysiga la lahad Midowgii Soofiyet. Idiyoolojiyadiisii iyo mabaadi’diisii xoogga lahayd ee waddaniyadda iyo sida weyn ee uu uga soo horjeeday reer-Galbeedka, ma ahayn wax u adkaysan karayey nidaamka qabaliga ah, nidaamkaasi oo loo muujin jirey, ugu yaraan marka dusha laga eego ee loo sheegayo dadweynaha, in uu yahay wax gaboobay oo laga baxay waqtigiisii oo haatan carqalad iyo dib-u-dhac ku ah dhismaha qaran cusub oo casri ah. Si rasmi ah ayaa loo mamnuucay qabyaaladdii, waxana meelaha fagaarayaasha lagu gubay, laguna aasay sawirro loo ekaysiiyey inay u taagan yihiin qabyaaladdi. Caaqilladii iyo odayaashii beelaha ayaa laga bedeley magacyadii, waxana loo bixiyey ‘nabaddoonno’, taasi oo ka mid ahayd tallaabooyinkii la doonayey in lagu yareeyo oo hoos loogu dhigo awoddooda, iyo in lagaga gooyo oo aan sinaba loogu xidhiidhin beelahooda ay ka soo jeedaan.

Siyaad barre waxa uu ku dedaalay in uu ku bedelo nidaamkii adkaa ee qabaliga ahaa, abuurista shaksiyado magac yeesha oo laga haybeysto. Waxa uu isagu isa siiyey oo is gaadhsiiyey darajada ah ‘aabbihii qaranka’; waxana dalka oo dhan lagu faafiyey sawirro ah ‘Jaalle Siyaad’, kuwaasi oo qaar badan la barbar sudhay, laguna saddexeeyey Marx iyo Lenin.

Ka sakow sida weyn ee khubadihiisu uga horjeedeen ee ay u weerarayeen qabyaaladda, haddana dhinaca kale waxa uu Siyaad Barre si hoose u wadey in uu horumariyo danaha beeshiissii Marreexaan ee uu ka soo jeedey iyo cidihii kale ee ay isku bahda ahaayeen. Isbahaysiga beelahaasi waxa loo yaqaanney ‘MOD’, kuwaasi oo ka koobnaa qaybaha beelaha Daarood ee Marreexaanka, Ogaadeenka, iyo Dhulbahantaha.

Tani waxay il-colaadeed oo weyn ka keentay beelihii kale, waxayna aakhirkii sababtay oo horseedday dagaal sokeeye. Dhica waqooyi-galbeed, beelihii Isaaqa iyo kuwa kaleba waxay samaysteen jabhaddii hubaysnayd ee Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah ee Soomaaliyeed (SNM), Majeerteenka iyo beelihii kale ee Daaroodkuna waxay gobolka waqooyi-bari ka samaysteen Jabhaddii Diimoqoraadiga ee Badbaadinta Soomaalida 9SSDF), dhinaca koonfurtan Hawiyuhuna waxa samaysteen Jabhaddii Golaha Midowga Soomaalida (United Somali Cogress). Sannado ka bacdi, jabhadahani waxau ku guulaysteen inay xukunkii ka tuuraan Siyaad Barre.

Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahina waxa ay lumiyeen taageeradii dadweynaha markii ay bilaabeen inay noqdaan qaar si weyn ugu xidhan oo ka soo jeeda beel qudha, una adeegaya danaha beeshaasi, ammase hal juffo oo ka mid ah beeshaasi. In kasta oo bilawgii isbahaysiga maxkamadahaasi islaamiga ahi uu ka koobnaa isbahaysi debecsan oo u dhexeeyey maxkamadihii shareecada ee matilayey dhawr qolo iyo jilibbo kala geddisan, haddana marba marka ka danbaysa waxa loo arkay qaar awoddooda ay ku sii ururayso oo ay ku sii xoogaysanaya xubnaha wada danaha beesha Cayr ee ka tirsan beelweynta Hawiye.

Waa wax laga doodi karo in guddoomiyaha damaca weyn amma caaddifadda weyn ee golihii shuurada ee Midowgii Maxkamadaha, Sheikh Xassan Dahir Aweys, iyo hoggaamiyaha miliishiyooyinkii maxakamadaha ee al- shabaab, Aadan Xaashi Cayrow, inay wadeen oo ay u taagnaayeen damac iyo dano sare oo beeleed. Laakiin xaqiiqada ah in loo arkay in taasi ay wadaan ayaa keentay oo ku fillaatay inay lumiyaan taageeradii beelo badan oo kale oo aan iyagu ahayn Cayr.
Si kasta oo dadku ay ugu dedaaleen inta tamartood ah inay baabiiyaan qabyaaladda oo ay ka tirtiraan siyaasadda Soomaalida, haddana waxay noqotay wax loo maaro waayey oo aakhirataankii lagu guuldarraystay. Lagama yaabo in qabyaaladda amma nidaamka beelaha in la waayo uu meesha ka baxo; waa wax ku dheehan oo ku kaydsan dhaqanka abtirsiinta oo qof walba yaqaan oo uu abtirsan karo, kuna jira oo lagu xuso gabayada iyo meelo kaleba. Dadku dib ayay u soo noolayn karaan oo ay u hawlgelin karaan sidii ay isku aqoonsan jireen ee beel-beelnimada, mar kasta oo taasi ay u baahdaan; waxay ka dhigan tahay caymis amma dammaanad oo kale iyo qaab-dhsimeed ijtimaaci ah oo jira amma diyaar ah oo mar walba taagan, iyo xidhiidh is-aamineed oo uu ku socdo ganacsiga iyo baayac-mushtarka keleba. Qofku keli ahaantii waxa uu kala xulan karaa heerka uu doonayo in uu ka bilaabo cidda uu yahay, kor amma dhexda, amma jilibka ugu hooseeya, taasi oo ku xidhan hadba cidda uu u sheegayo meesha uu ka soojeedo. Siyaabaha qaar, Soomaalida waxa xaddidada oo xannibaad ku noqda beesha ay ka tirsan yihiin, taasi oo ku xidhiidhin karta amma raacsiin karta koox gaar ah, amma urur diimeed oo aanay doonayn amma wax niyo ah u hayn inay ka mid noqdaan. Tusaale ahaan xidhiidhka lala xidhiidhiyo beesha Ceyr ururrada Islaamiga ah ee xagjirka ah, waxa macnaheedu ay tahay oo ay keenaysaa in qof kasta oo ka tirsan beeshaasi Ceyr, in loo arko oo loogu yeedho xagjir, sababtuna ay tahay beesha lala xidhiidhinayo ee uu ka soo jeedo qofkaasi, ee aanay ahayn waxa uu isagu shakhsi ahaan rumaysan yahay amma aaminsan yahay.

In qof walba uu dabada ku hayo beel uu ka soo jeedo, waxay u tahay badbaado iyo khatar labadaba. Beelaha waxa ka dhex dhalan karaa colaad iyo dagaallo kooxeed oo hubaysan, sidii dhacday dabayaaqadii sannadihii 1980-maadkii iyo 1990-maakii. In kasta oo beelaha Hawiyuhu ay markii hore ku midaysnaayeen inay ka horjeestaan Siyaad Barre, haddana ka dib markii uu dhacay Siyaad Barre waxay isla markiiba si dhadhso ah u kala qaybsameen dhexdoodii jilibbo iyo qabaa’il iska soo horjeeda, taasi oo keentay inay ka dhex dhacaan dagaalladii ugu xumaa ee dhiigga badani ku daatay ee lagu dagaallamay jidadka iyo xaafadaha magaalo-madaxda Muqdishu, sidii qolo walba qolada kale uga qabsan lahayd. Muqdishu waxay noqotay magaalo kala qaybsan, oo yeelata ‘khad cagaaran’ oo u kala qaybiya koonfur oo ay qabsatay beesha Habar- Gidir oo uu hoggaaminayo qabqablihii dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid, iyo qaybta waqooyi oo ay haysatay beesha Ab-Gaal oo uu hoggaaminayey Cali Mahdi Maxamad. Sidaa si la mid ah, laakiin ka waxyeello yarayd, ayaa ka dhacday Somaliland. Isaaqu waxy ku midaysnaayeen SNM si loola dagaallamo Siyaad Barre, laakiin markii dalkaasi uu ku dhawaaqay inuu yahay jamhuuriyad madaxbannaan oo gooni u taagan, dhawr dagaal oo yaryar ayaa ka dhex dillaacay isla beelihii Isaaqa dhexdooda.
Ujeeddada cutubkani waxay ahayd in uu muujiyo inay jiraan waxyaabo badan oo kale oo ku saabsan Soomaaliya oo la dersi karo, ee aanay ahayn uun dagaallo, macaluul, xagjirnimo Islaami ah iyo budhcad-badeed, waxyaabaha ka jira dalkaasi. Warbixinnada warbaahinta badankooda, iyo in badan siyaasadaha debaddu ma arkaan wax ka fog oo ka durugsan intaasi. Ilaa ay hoos ugu daadegayaanna, ma gaadhi karaan xaqiiqada ka jirta Soomaaliya, sidoo kalena waxba kama tari karaan wax-ka-qabashada dhibaatooyinka faraha badan ee yaalla dalkaasi. Xaqiiqada ah in qarannimadii Soomaaliya ay bilawday inay kala burburto xattaa dhicitaankii Siyaad Barre ka hor, ayaa macnaheedu uu yahay in xalku aanu ku jirin nidaam ah dawlad dhexe oo ku kooban Muqdishu. Dawladda Maraykanka iyo dawlado kale ayaa haatan si gaabis amma tartiib-tartiib ah ugu soo baraarugaya arrintani, waxayna soo rogeen sannaddii 2010 qaab amma siyaasad ‘laba weji’ amma laba waddo ah, oo lagula dhaqmo Soomaaliya, siyaasaddaasi oo ah in la kordhiyo taageerada la siinayo gobollada deggan ee ilaa heer ‘guulaystay’amma hirgalay, sida Somaliland iyo Puntland, iyo dhinaca kale in isla markaasi la sii wado taageerada loo fidiyo dawladda ku-meel- gaadhka ah ee fadhida Muqdishu.

Burburkii ku dhacay dawladnimadii iyo qarannimadii Soomaaliya sannadihii danbe, si fiican looma fahmi karo haddii aan dib loogu noqon oo aan la tixraacin taariikhdii hore ee dalkaasi. Wejiyo iyo xaalado badan oo ku xeernaa amma sabab u noqday dhicitaankii Siyaad Barre iyo guuldarradii ku xigtey ee lagu fashilmay in la sameeyo dawlad dhexe oo shaqaysa, waxa qayb ahaan loo aanayn karaa itijaahii ay u socdeen iyo wejiyadii ay lahaayeen dhacdooyinkii hore ee taariikhda Soomaaliya, iyo weliba in si qota dheer loo fahmo dhaqanka iyo mujtamaca Soomaalida, sida lagu xusay cutubka 1aad ee buuggan.
Laakiin waxa adag in la fahmaa waa awod-darrida muuqata amma doonis-la’aanta dawlado badan oo ajanebi ah, hey’adaha caalamiga ah iyo siyaasiyiinta Soomaalida oo aan u soo jeedin inay garawsadaan in khaladaadkii hore ee dhacay amma jirey uun ay iyaguna ku soo celcelinayaan oo ay sii wadaan. Waxay u muuqdaan inay fuushan yihiin sallaan amma aalad halkii hore uun ku leexaysanaysa amma ku wareegaysanaysa, waxayna awodi laayi’iin amma aanay doonayn inay ka degaan leexadaasi oo ay la yimaaddaan hab kale oo cusub, ka sakow xaqiiqada ah inay jiraan tusaalooyin looga shidaal qaadan karo amma loo raaci ‘toosinta iyo hagaajinta xaaladaha Soomaaliya’, tusaalooyinkaasi oo ay ka mid yihiin dhinacyada qaar ee Midowgii Maxkamadahii Islaamiga ahaa, iyo waayo- aragnimada Somaliland laga soo kasbaday.

Dib-u-eegista taariikhda Soomaalida ee aan halkan si kooban ugu soo nakhtiimayno, waxa ka soo baxaya oo ay ifinaysaa dhinacyo iyo qaabab gaar ah, iyo isla arrimihii iyo dhaqankii soo taagnaa oo soo noqnoqonaya, oo guud ahaan isla saamayntii hore oo kale ku leh xaaladaha weli jira ilaa sannadkan 2011.
Intii aan ku jirey hawlaha diyaarinta iyo xog- baadhka qoraalkii buuggan, waxan akhriyey buugaag badan oo laga qoray Soomaaliya tobannaan sano ka hor. Markii aan akhriyey buugaagtaasi, waxa igu soo dhacaysey inay fiicnaan lahayd in dad badan oo kale ay iyaguna akhriyaan, waxna ka bartaan taariikhda dalkaasi. Waxay u muuqataa in aan wax weyn iska bedelin ilaa 1960-kii, waqtigaasi oo John Drysdale uu qoray (Somali Dispute, 1960) sidatan:’Iyada oo noqotay wax lama-filaan ah, taariikhda Soomaalida waxa ka soo baxay inay jiraan cillado xunxun iyo khaladaad waaweyn, kuwaasi oo aan ka dhalan habka dhaqan ahaan Soomaalidu ay isku maamulaan, laakiin ka yimid dabbaqaadda iyo socodsiinta habab shisheeye oo dawladnimo oo aanay fahmin Karin amma aan ku bannaanayn, kuwaasi oo si aan ula-kac ahayn wax ugu dhimay habsami-u-socodkii nidaamka maamulka.’1

Guumeysigii ka hor (pre-colonial)

Guud ahaan saddex weji amma dhinac oo waaweyn ayay leedahay taariikhdii hore ee Somaalidu: xidhiidhkii iyo macaamilkii Somaalidu la lahaan jirtey adduunka dibadda, xiisadihii iyo dagaalladii dhici jirey, iyo is-fidintii amma dhul-ballaadhsigii Soomaalida.

Xeebta dheer iyo dhul-dhaca meesha ay ku taallo ee ah cidhifka waqooyi-bari ee dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaaraha, ayaa macnaheedu waxa uu ahaa in Soomaaliya aanay weligeed ka mid ahayn dunidii loo yaqaanney ‘Qaaradda Madow’ (qaaraddi aan la gaadhi jirin amma aan wax xidhiidh ah lala lahayn). Soomaaliya waxay qarniyaal badan xidhiidh la lahayd qaybaha kale ee debadda, waxayna hoy ay degaan u ahayd qawmiyadaha dadyowga kale, gaar ahaanna xeebaha Soomaaliya.

Culimadii hore ee ururinta taariikhda iyo sahamiyayaashii Carabta ee safri jirey, waxay u yaqaanneyn Soomaalida dad col-u-joog ah oo dagaalyahan ah, oo boqolaal sano ka hor bilaabay si tartiib-tartiib ah inay u dhul-ballaadhsadaan, kana soo faafaan dhinaca xeebaha, una faafaan dhinacyada galbeedka ilaa Itoobiya, iyo koonfur ilaa dhulalka imika loo yaqaan waqooyiga Kenya, iyaga oo hadba meesha ay tagaan ka bara-kicinaya dadkii kale ee degganaa.
Sida uu u sharraxayo caalinka Professor Ioan Lewis (A Modern History of Soomaaliya, 2002), xidhiidhkii dheeraa ee taariikheed ee dalkaasi uu la lahaa dunida Carabta, ayaa waxa xidhiidhkaasi uu keenay in Soomaalida qaar ay ku abtirsadaan in asalkoodu ka soo jeedo qabiilada Quraysh ee Nebigii diinta Islaamka, Nebi Maxamed:

Dhaqan ahaan … Soomaalidu waxay inta badan isku meeleeyaan xidhiidhada ay la lahaayeen Carabta, waxayna ku faanaan caadada ah inay sheegtaan inay ka soo jeedaan abtirsiinta nasabka ah ee Carabta iyo ahlu-beytka qoyskii Nebi Maxamed. Hasse ahaatee dooddani oo Soomaalida maanta ee Somaalinnnimada weyneeyaa ay ku tilmaamaan wax khayaal ah, haddana waa mid dhinac kasta iyo mar kasta ka mid ah dhaqanka Soomaalida, iyo sida weyn ee ay ugu xidhan yihiin diinta Islaamka.2

Sida uu qabo Ioan Lewis laftiisu, Soomaali badan ayaan si dhab ah u rumaysnayn inay si toos ah uga soo jeedaan Nebi Maxamed, in kasta oo ay u riyaaqaan fikradda ah in uu jiro xidhiidh xagga dhiigga amma dhalashada ahi. Culimada qaar, oo u ka mid yahay Harold Nelson (Soomaaliya: A Country Study (Washington, DC: American University Press, 1982)), waxay iyaguna gaadheen heer ka sii fog kan Professor Ioan Lewis, waxayna iyagu su’aalo amma dood ka qabaan in Soomaalidu assal-ahaanba ay wax xidhiidh ah la leeyihiin gebi ahaan Carabta. Qoraallada Harold Nelson-na waxa ka mid ah: Xidhiidhka ‘Soomaalidu’ ay isku xidhaan inay ka soo jeedaan abtirsiintii hore ee Carabta, waxa laga yaabaa taasi in aan loo heli Karin qiil adag oo lagu daafaco haddii si qota dheer loo baadho, waxana suurtogal ah inay ka timid uun Soomaalida oo Islaamnimadu ku fog tahay, oo si weyn u doonaya inay isku xidhiidhiyaan umaddii Nebiga.’3

Ka sakow in ay tahay wax dhab tahay iyo in kale, in Soomaalidu ay asal ahaan ka soo jeedaan Carab, haddana rumaysnaanta ay rumaysan yihiin in uu jiro xidhiidh qota dheer oo u dhexeeya iyaga iyo dunida Carabta ayaa laga dhex arki karaa oo sharrxaysa sababaha Soomaali badani ay iskugu arkaan inay ‘ka duwan yihiin’ Afrikaanka gobollada ka hooseeya Saxaaraha, iyo sababaha dad sidaa u badan oo Soomaali ahi ay u eegayeen ee ay uga dhursugayeen tobannaankii sano ee la soo dhaafay dunida Carabta oo ay ka helaan fursado iyo qaxootinnimo amma magangelyo.

Saamayn weyn oo fara badan ayay Carabtu ku lahayd Soomaaliya, muddo boqolaal sano ah. Laga soo bilaabo ugu yaraan qarnigii toddobaad, waxa jirey jaalliyado amma qawmiyado Carbeed oo baayac-mushtar ahaa oo ganacsi awgii u degey magaalooyinka xeebaha Soomaalida, sida Muqdishu, Saylac iyo Berbera, taasi oo keentay inay is-dhex galaan oo ay kala guursadaan Soomaalidii iyo Carabtii, oo uu dhex maro xidhiidh dhiig, isla markaasna dedejiyey in diinta Islaamku ay ku sii xididdaysato halkaasi, taasi oo Soomaalidu u qaadatay, una dabbaqday si gaar ahaan iyaga ku bannaan oo ah ‘qaab Soomaaliyeed’, kuna habboon caqiidadooda Islaamnimo. Magaalada Saylac oo lahaan jirtey deer adag oo ku wareegsan oo laga ilaaliyo, kuna taal dhina waqooyi-galbeed ee xeebta, waxay ahayd xarun caan ah, oo saldhig u ah barashada diinta Islaamka iyo ganacsiga. Waxa magaaladaasi laga dhoofin jirey bunka laga keenyo buuraleyda Abasiiniya (Itoobiya), iyo addoonta laga keeno gudaha qaaradda, kuwasi oo lagu soo bedelan jirey marka debadda loo dhoofiyo hub, dhar, bir, weel dhoobo ah, timir, iyo badeecado kale, kuwaasi oo keeni jireen doonyo, lagana soo dejin jirey magaalada Saylac.

Waxa sidoo kale jirey saamayn iyo xidhiidho kale oo qaarkood ka horreeyeen xataa kuwa Carabta. Masaaridii hore, Giriiga iyo Roomaankii waxay u safri jireen dhulkii loo yaqaanney ‘Dhulkii Punt'(bilaadul-bunt?) amma dhulkii udugga, ee waqooyi-bari Soomaaliya, si ay uga soo iibsadaan xabagta udugga ah ee fooxa iyo meydiga amma lubaanka. Waxa kale oo xeebahaasi degey ganacsato Faarisiyiin ah (Persian) qarniyadii sagaalaad iyo kii tobnaad. Boortaqiisku waxay iyaguna weerareen qaar ka mid ah magaalooyinkii xeebahaasi. Waxa kale oo jirey xidhiidho Somaalidu ay la lahaan jirtey imbaraadooriyadihii Cusmaaniyiinta (Ottoman Empire) ee Turkiga, Cummaan, Hindiya, iyo kuwa kaleba.

Xilligii Guumeysiga (Colonial)

Qarnigii sagaal-iyo-tobnaad, Soomaalida waxa lagu soo daray qorshihii reer Yurub ee ‘lagu kala qaybsanayey Afrika’, in kasta oo aanay lahayn khyraad badan oo loogu xisho oo qawdihii wax guumeysanayey ay ka gurtaan. Soomaalidii, waxay is arkeen iyaga oo indhaha lagu hayo oo ay ku soo jeedaan dalalkii Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska iyo Itoobiya oo jaar la ahayd oo loo arkayey dawlad quwad weyn oo ka jirta gobolkaasi. Sababtuna waxay dhinac ahaan ahayd istaraatiji ahaan meesha ay ku taal oo muhiim ah, iyo weliba Soomaalida oo ah dad socod badan oo guurguura, oo mar walba marka ka danbaysay iyaga laftooduu sii qabsanaya oo ku sii faafaya dhulal kale oo dheeraad ah. Waxa bilaabantay inay iyaguna wax-iska-caabbin kala kulmaan xoogag kale, markii ay ku sii faafayeen ee ay u sii durkayeen dhinaca koonfureed iyo galbeedka. Sida uu u sharraxayo Tom Farer(War Clouds on the Horn of Africa: A Crisis Detente, New York, 1976), Dawladii isticmaarka Ingiriiska ee maamulaysey Waqooyiga Kenya ‘ waxay soo afjartay 900 boqol oo sannadood oo umadda Soomaalidu ay ku sii socotey oo ay ku sii durkasey ilaa xeebaha Bariga Afrika. Iyaga oo uu ka horyimid xooggii iyo quwaddii Ingiriisku, Soomaalidii waxa lagu khasbay inay ogolaadaan inay ku joogsadaan webiga Tana oo ay ka dhigtaan aaggooda koonfureed. Halkaa ayaanay ku ekaatay.’4

Ingiriisku waxa kale oo uu ku lug lahaa dhinaca waqooyi-galbeed ee dhulka Soomaalidu, in kasta ku- lug-lahaanshaasi uu ahaa sife amma qaab ka duwan kuwa hore. Ingiriisku ma wada doonayn inuu si buuxda u wada qabsado gobolkaasi, laakiin waxa uu ka rabey oo uu danaynayey xoolaha uu uga baahan yahay raashinka saldhigii uu ku lahaa Cadan oo wax yar uga jirta gobolkaasi dhinaca kale ee badda. Ilaa maantadanna, xoolaha Soomaalida waxa laga dhoofiyaa baddaasi.

Intii u dhaxaysey sannadihii 1884 ilaa 1889, Ingiriisku waxa uu la saxiixday qabaa’ilkii dhulkaasi degganaa, heshiisyo dhawr ah oo is xigxigey, heshiisyadaasi oo keenay in la sameeyo Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland.

Ingiriiska waxa halkaas kala kulmay wax ka dheeri ah oo ka badan wixii uu rabay ee uu ku gorgortamayey. Imaanshihii iyo joogitaankiisii ciidda Soomaalidu waxay si weyn uga cadhaysiisay Sayyid Mohamed Abdulle Hassan oo ahaa hoggaamiye dagaal iyo gabayaa, waxanu bishii June ee 1903 Ingiriiska u diray warqad hanjabaad ah (tixraac: War Office, Official History of the Operations in Somaliland, vol.1, 1907) oo u dhignayd sida soo socota:

Haddii dhulkani uu ahaan lahaa mid beero la qoto leh, amma ay ka buuxaan daaro ka dhisan amma hanta kale oo taalla, waxay noqon lahayd wax mudan oo u qalma in aad ku dagaallantaan.

Dhulkani waa wada kayn jiq ah, taasina idinka wax faa’iido ah idiin ma leh. Haddii aad doonaysaan ood iyo dhagax, halkan waad ka helin kartaan oo way ka buuxaan. Waxa kale oo ka buuxa dundumooyin badan. Milicduna aad ayay u kulushahay. Waxa qudha ee aad iga heli kartaan waa dagaal, ee ma aha wax kale.5

‘Mad Mullah’ amma ‘Wadaadkii Waallaa’ waxa uu kaga dhabeeyey kelmaddiisiii amm hadalkiisii, waxanu ku dhawaaqay dagaal jihaad ah, oo uu muddo labaatan sano ah la dagaallamayey Ingiriiska iyo dawladihii kale ee isticmaarka, ka hor intii aan ugu danbaystii la jebin ee aan laga adkaan sannadkii 1920-kii.

Intii uu wade ololaha dagaal oo dhan, Sayyed Maxamed waxa uu cadowgiisa ku hayey dagaal kulul oo af iyo adinba ah, isaga oo isku tilmaami jirey in uu la mid yahay awr didaa amm buubaa ah oo aan laylsanayn oo keni adag, oo aan dabar iyo hoggaan midna aan aqoon.6 (Tixraac: Abdi Sheikh-Abdi, Divine Madness).
Warqad kale oo uu u qoray badhsaabkii Ingiriiska sannadkii 1917-kii oo joogey magaalada Berbera,

Sayyed Mohamed Abdulle Hassan waxa uu ku gacansaydhay eedayn ahayd in ciidamadiisa daraawiishtu ay taakulayn ka heleen Turkiga, waxanu ugu baanay oo uu Ingiriiska oo uu ugu soo hal-qabsaday guulihii milateri ee isbahaysigii Turkiga iyo Jarmalku ay ka soo hoyeen dagaalladii ay la galeen Ingiriiska (Tixraac: Douglas Jardine, The Mad Mullah of Somaliland, 1923), waxanu ku yidhi warqaddiisaasi:

Waxad ogtihiin, aniguna aan ogahay, wixii Turkigu idinku dhigay, iyo wixii Jarmal idin baday idinka, haddii aad tihiin dawladda Ingiriiska. Waxay idinla noqotay oo aad u haystataan in aan jilcay oo aan taag-darreeyey, ayna igu khasabtay in aan debadda ka raadsado saaxiibbo. Haddii taasi wax ka jiraan oo ay run tahay in aan debadda ka doonto taageerana, sababta qudha ee igu kallifaysaa waa Ingiriiska iyo dhibaatada aad nagu haysaan. Waa idinka kuwa isbahaysi la galay dadyowgii adduunka oo dhan, sharmuudooyinki amma dhillooyinii iyo dadkii fasahaadka, iyo kuwii madiidinka ahaa, waayo waa idinka kuwa jilicdasan ee taagta darani. Haddii aad tihiin dad xoog leh oo tamar haya, idinka ayaa isku filnaan lahaa oo wax iska celin lahaa, sidayada oo kale, idinka oo madaxbannaan oo xor ah. Waxay calaamad u tahay oo ay muujinaysaan taagdarradiinna, isbahaysigan aad la gasheen Soomaalida, kuwa qabbaanka amma shaaqiga idiin ah ee idiin adeega iyo Carabta, Soodaanta iyo Kufaarta, khaniisiinta iyo Yamaniinta, Nuubiyiinta, Hindida, Bunuushta, Faranji, Ruush, Maraykan, Talyaani iyo Seerbiyiin, Boortaqiis, Jabbaan, Giriig iyo buti, Siig iyo Baaniyaal, Moors, Afqaaniyiin iyo Masaari. Waa niman xoog badan, Idinkuna maadaama aad itaal daran tihiin, waa in aad baridaan iyaga oo aad xod-xodataan amma u shukaanstaan sidii dhillada oo kale.7

Markii ciidamadiisu ay dileen Abbaanduulihii wattey ciidamada Ingiriiska, Richard Corfield, sannadkii 1913, Sayyed Maxamed Abdulle Hassan waxa uu tiriyey gabay xun oo uu si weyn ugu tiiqtiiqsanayo, kuna faanayo. Isaga oo Koofil ku hal-qabsanayan, waxa uu yidhi:

Adaa Koofilow jiitayaan, dunida joogayne
Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aaneede
Jahannama la geeyow haddaad, aakhiruu jahato
Nimankii jannnow kacay war bay, jirin inshaalleye
Jameecooyinkii iyo haddaad, jowhartii aragto
Sida Eebbahay kuu jirrabay, mari jawaabteeda
Daraawiish jikraar nagama deyn, tan iyo jeerkii dheh
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dhen
Waxay noo janjuunteenba waa, jibashadiinnii dheh
Jigta weerar bay goor barqa ah, nagu jiteeyeen dheh
Anigana Jikrey ila heleen, shalay jihaadkii dheh
Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh
Jiiraayadey ila dhaceen, jilic afkoodii dheh
Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego
Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jiirarka u muuji
Nafjeclaysigiibaan ku idhi, jaallow iga daa dheh
Jajalleecadii baa wadanaha, jeex ka soo ruqay dheh
Jeedaaladiibaa indhuhu, kor u jllaadmeen dheh
Jimic kagama helin tuugmadaan, jiriyey ruuxii dheh
Markaan juuq idhaahdaba afkey, iga jifeeyeen dheh
Dhaaxaan jibaadayey dheg baan, jalaq la ii siin dheh
Goortaan jarreerana gefoo, nolol ka jaanqaaday
Sida jananadii hore tashigu, igu jaguugnaa dheh
Taladii jinnigu ii hormaray, jaasadeed helay dheh
Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshey
Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh
Markay rubadu jaw tidhi or bay, iga ag jiibsheen dheh
Jidhkaygii bahal baa cunoo, jiitey hilibkii dheh
Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh
Jiljilladiyo seedaha tukay, igaga jaadeen dheh
Haddaan lays jikaareyn tolkay, laga jil roonaa dheh
Weligood waxaa lagu jaraa, jilibdhig duullaan dheh
Daraawiidh waa jibindhowga iyo, jowga soo bixi dheh.8

Dagaalladii wax-iska-caabbinta ee Sayyedku waxay ahaayeen qaar aad u kulul, kuwaasi oo ku kallifay dawaladdii Ingiriisku inay sannadkii 1919 u adeegsato weerarro xagga cirka ah oo ay diyaarado ku garaacdo isaga, waxayna ahayd markii ugu horraysay ee Ingiriisku uu diyaarado ku duqeeyo meelo ka tirsan gobolka Saxaaraha ka hooseeya ee Afrika. Ku-dhawaad boqol sano ka dib waqtigaasi, quwadaha shisheeyuhu waxay weli xagga cirka ka duqaynayaan dhaqdhaqaaqyada Jihaad-wadayaasha ah ee Soomaalida: Dhawrkii sano ee la soo dhaafay, dawladda Maraykanku waxay qaadday dhawr weerar oo xagga cirka ah oo ay ku qaadday bartilmaameedyo ku yaalla Soomaaliya oo lagu sheegay inay ku xidhan yihiin al-Qaacida.

Tom Farer waxa uu wax ka qoray sida Sayyed Mohamed Abdulle Hassan uu u wadey ee uu ugu hawl geli jirey fikradda ‘Soomaali-Weyn’ ee ahayd in Soomaalida oo dhan la mideeyo oo laga dhigo dal qudha: ‘Waxa uu
baraarujiyey oo uu kobciyey fikradda ah in uu jiro xidhiidh ka dhexeeya dhammaan Soomaalida oo dhan, oo ka shisheeya amma ka weyn ka abtirsiinta beelaha iyo xidhiidhka dhiigga, fikraddaasi oo gogol-xaadh amma tixraac u noqonaysa arrimaha ilaa waqtigan taagan … sidaa awgeed, in kasta oo laga adkaaday, haddana ma goblamin oo ma wada guuldarraysan.’9

Wax yar ka bacdi markii uu ku jabay Sayyedkii dagaalladii uu kala horjeeday isticmaarkii Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga iyo Itoobiya, waxa uu u dhintay xanuun. Dhulalkii ballaadhnaa ee Afrika ee uu u dagaallamayey, dhulalkaasi oo Soomaali badani ay u arkayeen inay yihiin dhulkoodii xaqa ahaa, waxa waqti horeba loo kala qaybiyey shan meelood oo kala gaar ah oo kala hoos yimaad dawladihii istcmaarka:

NFD (Northern Frontier District): Qaybtani waxay ka koobnayd degaannada waqooyi-bari ee Kenya oo waqtigaasi Ingiriisku guumaysan jirey. Markii Kenya ay madaxbannaanida qaadatay sannadkii 1963, dawladdii markaas fadhidey Nairobi waxay diiddey inay aqbasho rabitaankii dadweynihii u badnaa Soomaalida ee degganaa gobolkaasi oo doonayey inay ka go’aan Kenya, kuna biiraan Jamhuuriyaddii cusbayd ee Soomaaliya ee xornnimada qaadatay.
Ogadeeniya (The Ogaden): Qaybtani waxay noqotay gobol ka tirsan Imbaraadooriyaddii Itoobiya, ka dib markii Itoobiya ay qabsatay sannadihii u dhexeeyey 1887 ilaa 1895, in kasta oo weli uu sii ahaa gobolkaasi dhul lagu muransan yahay oo la isku haysto. Gobolkaasi oo markii hore loogu yeedhi ‘Ogaden’, markii danbe gobolkaasi iyo degaannada kale ee Soomaalidu ay u badan tahay ee Itoobiya waxa loo bixiyey ‘Kililka Shanaad’ iyo ‘Gobolka Soomaalida’.

‘Cote Francaise des Somalis’ amma ‘Xeebta Soomaalida ee Farasiiska’: Dhulkaasi oo Faransiiku haysan jirey waxa uu madaxbannaanaaday sannadkii 1977 oo uu noqday Jamhuuriyadda Djibouti.

Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland (British Somaliland): Maxmiyaddii Ingiriisku waxay madaxbannaani qaadatay 26-kii bishii June ee 1960, waxayn ku biirtay shan maalmood oo qudha ka bacdi xornimadeedii oo ay la midoodey Soomaaliya oo Talyaanigu hore u guumaysan jirey, si ay u abuuraan Jamhuuriyaddii Soomaaliya. Laakiin waxay haddana ka go’day 18-kii bishii May ee 1991 oo ay noqotay Jamhuuriyadda la baxday Somaliland, iyada oo la soo noqotay isla xuduudaheegii ay lahaan jirtey waqtigii ay ahayd Maxmiyadda Ingiriiska. Dhinaca Bari ee dalkaasi, waxa ka taagan khilaaf ay isku haystaan gobolka la jaarka ah ee Puntland.

Soomaaliyadii Talyaaniga (Soomaaliya Italiana): Qaybtani oo uu guumaysan jirey Talyaanigu, lana hoos keenay, laga soo bilaabo 1950kii, Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysa maamulkii Talyaaniga ee halkaasi ka jirey, waxay iyana xornnimo qaadatay 1-dii bishii July ee 1960, iyaga oo isku biiray qaybtii Ingiriisku xukumi jirey ee Somaliland, halkaasina waxa ka samaysan tahay Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Kala-qaybintii Soomaaliya loo kala qaybiyey shan meelood oo gumeysigii kala xukumo, wax macne ah uma samayn Soomaalida oo intooda badani ay ahaayeen dad reer-guuraa ah, kuwaasi oo aan wax sidaa ah oo qiimo leh aan u arkayn xuduudaha iyo dawlado dhexe.

Gabayaagii Soomaaliyeed ee Faarax Nuur, waxa uu ku jahawareeray tartankii kululaa ee dawladihii shisheeyaha ahaa ay ugu jireen dhulka Soomaalida. Waxana ka mid ahaa gabayadiisii, tixahan soo socda:

Ingiriis, Talyaaniyo iyo Amxaar, wey akeekamiye
Arligaa la kala boobayaa, nin u itaal roone
Waa duni la kala iibsadoon, La na ogeysiinne
Waa duni ninkaad aammintaa, kuu abees yahaye
Waa duni akhyaartii lahayd, iib-ku-doon tahaye
Anse ila ah aakhiru-samaan, Iligyadiisiiye
Haddaad niman islaamiyo tihiin, Aadan ubadkiisa
Odayaal Ilaahay ka go’in, haynna oodina e .

Xilliyadii dagaalkii labaad ee adduunka, waxay ahayd markii ay ugu dhaweyd Soomaalida, inay rumowdo riyadoodii ay ku taamayeen ee ahayd in la helo ‘Soomaali-Weyn’. Sannadihii 1930-meeyadii, hoggaamiyihii Fashiistada ahaa ee Talyaaniga, Benito Mussolini, waxa uu u dagaallamay in uu ka sameeyo Afrikada Bari Imbaraadooriyad Talyaanigu xukumo oo noqota ‘Africa Orientale Italiano.’ Intii u dhaxaysey sannadihii 1936 ilaa 1941-kii, Tatyaanigu waxa uu qabsaday saddex qaybood oo ka mid ah xiddigta Soomaalida (ee shan-geesoodka), kuwaasi oo kala ahaa bariga Ethiopia, Maxmiyaddii Somaliland, iyo Soomaaliyadii Talyaaniga. Ka dibna Ingiriiska ayaa ku soo qaaday dagaallo rogaal-celin ah, waxanu Ingiriisku qabsaday sannadkii 1941-kii, afar qaybood oo ka mid ah xiddigtii Soomaalida, kuwaasi oo kala ahaa: Ogaadeeniya, Soomaalidii Talyaaniga, Somaliland, iyo waqooyi-bari Kenya.

Wasiirkii arrimaha debadda ee Ingiriiska ee waqtigaasi, Ernest Bevin, waxa uu soo jeediyey in dhammaan Soomaalida la wada hoos geeyo maamul qudha oo meel keliya ah, Loona diyaar-gareeyo sidii loo gaadhsiin lahaa madaxbannaani. Bishii June ee sannadkii 1946-kii, waxa uu Ernest Bevin aqalka hoose ee baarlamaanka Ingiriiska u soo jeediyey in dhulalka lagaga hadlo af-Soomaaliga …
… la isku wada geeyo, lagana dhigo dhul leh maamul guud oo hoos yimaadda Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysa, oo markaasi ay u suurto gasho dadweynahaasi reer-guuraaga ahi inay maamushaan noloshooda dhaqaale, iyaga oo aan la kulmi wax carqalad ah oo weyn oo ku timaad, waxana dhici karta inay helaan fursad dhab ah oo ay ku samaystaan nolol dhaqaale oo fiican, sida looga yaqaan dalkaasi … Waxa keliya ee aan doonayo in aan sameeyaa waa sidii aan reer-guuraagaasi masaakiinta amma saboolka ah, aan u siin lahaa fursad ay wax ku taransadaan oo ay nolol ku samaystaan … Cidna dani uguma jirto in laga manciyo amma la iska hortaago dadkaasi saboolka ah iyo lo’dooda halkaasi ku sugani inay helaan si fiican oo ay u noolaadaan.

‘Qorshihii Bevin’ weligii ma noqon mid hirgala, sababtuna waxay ahayd iyaga oo quwadihii kale ee waaweynaa ee soo baxay dagaalkii labaad ee adduunka ka dib ay ka dhega-adaygeen oo ay ka horjeesteen, kuwaasi oo kala ahaa Faransiiska, Ruushka, iyo Dawladdii Maraykanka. Afartii gobol ee ku hoos jirey waqtigaasi maamulkii milateriga ee Ingiriisku, sidoodii hore ayay ku soo noqdeen, marka laga reebo qaybtii uu Talyaanigu xukumayey, qaybtaasi oo sannadkii 1950-kii la hoos keenay wilaayadda Qaramada Midoobey, maamulkeendana loo wakiishay in Talyaanigu sii wado muddo toban sano ah, muddadaasi ka bacdi oo ay madaxbannaani ku gaadhi karaan.

Waxa laga yaabaa in waxa ugu xanuunka badnaa Soomaalida, inay ahayd in Itoobiya lagu wareejiyey dhulal ay u arkayeen dalkoodii ay iyagu xaq ay u lahaayeen. Soomaali badani weli waxay ku canaantaa oo ay kaga cabataa Ingiriiska in uu uu Ogaadeeniya ku wareejiyey Itoobiya sannadkii 1948-kii, haddana in uu badhtamihii sannaddii 1950-kii sidoo kale ku wareeijiyey isla Itoobiya dhulalkii daaqsinta ahaa ee Hawd iyo Riseef Eeriya ‘Reserved Area’.
Waxa dhibaato iyo madax-farad joogto ku noqotay dawladda Itoobiya, arrinta dadweyne Soomaaliyeed oo aad u fara badan oo deggan Itoobiya. ‘Gobolka Soomaalida’ ee bariga Itoobiya, waxa tobannan sannaba uu ku jirey xaalado dagaal oo si joogta ay u wadaan jabhado mucaarad ahi, kuwaasi oo mar walba gacan ka helayey cid kasta amma dawlad kasta oo ka talinaysey Soomaaliya. Dhinacyada qaar marka laga eego, maqaamkii gaarka ahaa ee la siiyey Itoobiya xilliyadii isticmaarka, waa mid ilaa hadda sii jira. Itoobiya waxay tahay ‘saaxiib gaar ah’ oo uu leeyahay Maraykanku, marka loo eego ‘la-Dagaallanka Argagixisada’, gaar ahaanna dhinaca Somaalida. Itoobiya waxay gacan ka geysatey fulinta qorshihii Maraykanka ee ‘hawlgalkii kharribnaa’ ee laga sameeyey Soomaaliya sannadkii 2006-kii ee Itoobiya ay kaga saartay halkaasi Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah (UIC), kuwaasi oo Maraykanku u arkayey Islaamiyiin xagjir ah oo khatar ah.

Itoobiya waxay iyana dhinaceeda lahayd oo ay wadatey danaheeda istaraatiji oo sabab u ahaa inay baabiiso Maxkamadihii Islaamiga ahaa; maxkamadahaasi waxay u arkaysey inay isbahaysi la leeyihiin Eitrea oo mararkaasi ka hor dagaal ahli ah la gashay Itoobiya.

Gobannimadii (Independence)

Sannadihii 1940-meeyadii iyo 1950-meeyadii, qaybtii Soomaalida ee Tayaanigu xukumi jirey waxa ka bilaabmay dhaqdhaqaaqyo xisbiyo siyaasadeed; waxana samaysmay sannadkii 1943-kii, Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYC (Somali Youth Club), ururkaasi oo markii danbe isku bedelay mid ka mid ah xisbiyadii waaweynaa ee siyaasadda, noqdayna xibigii Leegada ee SYL (Somali Youth League). Isla markaasi, soomaalida waxa ilaa heer loo diyaarinayey madaxbannaani.

Doorashooyin ah dawladaha hoose ayaa la qabatay sannadkii 1954-kii, sannadkii 1956-kiina Talyaanigii waxay Soomaalida ku wareejiyeen maamulka intiisii badnayd. Sannadkii 1960-kiina waxa xornnimo qaatay Somaliland iyo Soomaaliyadii Talyaaniga labadaba, kuwaasi oo midoobay 1-dii bishii July, noqdayna Jamhuuriyaddii Soomaaliya. In badan ayaa u arkayey oo ay ka go’nayd in tallaabadani ay ahayd bilawgii, oo ay ku xigi doonaan dhulalkii kale ee Soomaalida oo ku soo biira, oo ay midoobi doonto ‘ummadda’ Soomaaliyeed, yeelanna doonto dawlad keliya.

Dadkii rajadaasi qabey ee ay ka go’nayd waxa ka mid ahaa raiisal-wasaarihii Soomaaliya ee waqtigaasi, Abdirashid Ali Sharmarke, oo markii danbe noqday madaxweyne (Tixraac: Dr Abdirashid Ali Shramarke, The Somali Peninsula: A New Light on Imperial Motives, London, 1962), waxanu yidhi:

Nasiibdarrada na haysata waxa ka mid ah, dalalka aannu deriska nahay, oo sida dalalka kale ee Afrikaanka ah aannu ka rabno oo isku deyeynno in aannu ka wada shaqaynno dhismaha horumarka iyo xidhiidh fiican oo siman oo aannu yeelanno, in aanay ahayn jaarkayaga. Jaarkayagu waa dadkii nala dhashay ee Soomaalida ah, oo muwaadinnimadoodii amma dhalashadoodii laga been- abuuray, aanay been-abuureen ‘habab la dejiyey’ oo ku salaysan xuduudo aan loo kala aabbo yeelin. Waxay ku khasabtay dadkaasi inay kolba dhinaca uga tallaabaan oo ka gudbaan xuduudo macmal ah oo been-abuur ah, dhulkoodii daaqsinta. Waxay degaan isla dhulkayaga oo kale, waxayna ku tiirsan yihiin dhaqaalaha miyiga, sida aannu annaguba u nahay ee aannu ugu tiirsannahay. Isku af ayaannu ku hadalnaa. Waxannu nahay isku diin, isku dhaqan iyo isku caadooyin. Sideebaannu walaalahayo ugu arki karnaa oo aannu ugu aqoonsan karnaa dad ajanebi ah.11

Soomaaliyadii cusbayd ee madaxbannaanaatay waxay marka hore indhaha ku haysay gobolka NFD ee waqooyi- bari ee Kenya oo markaas isticmaarku xukumayey. Dawladdii Soomaaliya waxay ku doodi jirtey in ‘iyagoo isku issir iyo af ah, dadka reer NFD ee gobolka waqooyi bari inay yihiin dad la dhashay oo la ab iyo tafiir ah dadweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, laakiin Kiiniya ay ku yihiin dad shisheeye oo ajanebi ah.’ Waxayna u soo jeedin jireen dawladdii Ingiriiska ee waqtigaasi xukumaysey halkaasi in dhulkaasi ‘lagu soo daro oo lala mideeyo Jamhuuriyadda Soomaaliya, marka ay Kiiniya xornimadeeda qaadato.’12 (Tixraac: The issue of the Northern Frontier District, White Paper Isuued by the Somali Government, Mogadishu, 1963).

Guddi gaar ah oo Ingiriisku u saaray inay soo baadhaan arrinani waxay waxay ogaadeen sannadkii 1926-kii, in dadweynaha ku nool gobolkaasi oo in ka badan boqolkiiba 60 ay yihiin Soomaali, inay dhammaan si wadajir ah u doonayaan inay ka go’aan Kenya, aakhirkana ku biiraan Soomaaliya. Laakiin dadweynaha reer Kenya intooda badan, iyo dalalkii kale ee Afrikaanka ahaa ee madaxbannaanida cusub qaatay, iyo kuwii kale ee xornimadoodu soo dhaweyd, ayaa ka horjeestey arrintani, iyaga oo ka cabsi qaba in tani ay dhiirrigelin doonto dhaqdhaqaaqyada kale ee gooni- u-goosatada ah ee ka jira qaaradda. Waxayna noqotay in arrintii la laalo, taasi oo cadho weyn ka keentay Soomaaliya, una goysey si ku-meel-gaadh ah xidhiidhkii diblomaasi dawladda Ingiriiska sannadkii 1963-kii.

Sidii Itoobiya oo kale, Kiiniya waxay sannado badan dhibaatooyin waaweyn kala kulantay dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkeeda. Waxyaabihii uu hore uga qoray arrimahani John Drysdale sannadkii 1964-kii, ayaa ilaa maantadani jira oo leh isla saamayntii iyo ahmiyaddii ay waqtigaasi lahaayeen, waxana ka mid aha qoraalkaasi: ‘Kiiniya iyo Itoobiya labadaba waxa soo foodsaaray dhibaatada dad aan la xukumi karayn, aan diyaar u ahayn wada-shaqayn, kacsan oo dagaallama, oo reer-guraa ah oo si sahal ah oo dhakhso badan hadba meel u guura, iyaga oo aan la ogaan, oo marna soo gala marna ka baxa Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyaga oo hubaysan amma aan hubaysnayn, kuwaasi oo si buuxda u maareeya amma ugu nool duruufaha degaannadooda lama-degaanka ah.’13

Mas’uul sare oo ka tirsanaa dawladdii isticmaarka ee Ingiriiska, Lord Rennel Rodd, oo sannado badan ku qaatay Geeska Afrika, waxa uu rumaysnaa isna in siyaasadda dawladdiisa ee ku waajahan Soomaaliya ay keeni doonto mustaqbalka dhibaatooyin adag. Waxanu qoray:

Haddii aynnu sidaa u danayn lahayn … (aduunkuna si macquul ah u eegi lahaa), dhammaan Soomaalida … waxa suurtogal ahayd in la wada hoos keeno maamulkeenna. Laakiin adduunku si macquul ah uma eegi arrintani, innaguna sidaas umaynaan danayn. Sidaasi awgeedna, qaybta keliya ee Afrika ee sida weyn dadkeedu ay isku wada mid yihiin ayaa la kala qayb-qaybiyey oo loo kala jarjaray, si ka dhigan oo kale dhibaatadii Julius Caesar (Hoggaamihi milateri ee Imbaraadooyiaddii Roomaanka oo noolaa intii u dhaxaysay 100-44 sano ka hor dhalashadii Nebi Ciisse) ee gobolladii Gaul (degaannadii iyo qabaa’ilkii dhinaca galbeed ee Yurub ee waqtigaas), gobolladaasi oo noqday goobo ay ku herdamaan oo ay ku dagaallamaan reer Yurub ilaa labadii kun ee sannadood ee u danbeeyey. Somaliland-na, amma dhulka Soomaaliduna, waxa dhici karta in uu noqdo goobtii dalalka Afrikada Bari ay ku herdamayeen.14 (Tixraac: Sir Gerald Reece, The British Survey, Colonial Office, 1952).

Ka sakow niyad-jabka Soomaalidii ay ka qaadeen inay ku guulaysan kari waayeen abuuristii ‘Soomaali-Weyn’, sanadihii koobnaa ee ugu horreeyey gabannimadii ka dib, waxa samaysmay hab baarlamaani ah oo dimoqoraadi ah oo firfircoon, oo ka dhex hirgalay Jamhuuriyaddii cusbayd. Doodaha kulul ee baarlamaanka dhexdiisa, ololayaasha doorashooyinka ee ay ku looltamayeen musharrixiin iyo xisbiyo tiro badan, arrimahani waxay u muuqdeen qaar ku bannaan dhaqanka firfircoon ee Soomaalida oo jecel doodaha iyo af-ka-hadalka. Sannadkii 1969, waxa jirey 1,002 laba musharrax oo ka soo kala jeeda 62 xisbi oo u tartamayey kuraasta baarlamaanka dalka oo tiradoodu ahayd 123 kursi.
Sagaalkii sanadood ee u horreeyey gobannimadii dalkaasi, waxay ahaayeen kuwa ilaa heer cuntama oo xiiso leh, ka sakow dhibaatooyin ka imanayey isku- dhacyo qabaa’il, khilaafyo u dhexeeyey labadii mustacmaradood amma qaybood ee hore ee isku darsaday, tacliin-la’aan, iyo dhibaatooyin kale. Caalinka xagga culuunta siyaasadda ee Ali Mazrui (oo u dhashay reer Mombasa, Kenya), waxa uu qoray in xilliyadaasi Soomaaliya ay noqotay ‘ dalka ugu dhawdhaw Afrika ee ku dhaqmaa siyaasad furfuran intii ka danbaysey guumeysigii .’15

Nidaamkii Keli-Taliska ahaa (Dictatorship)

Wax walba waxay isbedeleen sannadkii 1969-kii.
15-kii bishii Oktoobar ee sannadkaas, waxa la diley madaxweynihii Abdirashid Ali Sharmarke, waxana diley nin ka tirsanaa bileyska, dilkaasi oo u muuqday inuu ahaa aargudasho aano qabiil oo hore. Wax ka yar toddobaad gudihii, ayaa aroornimadii hore ee 21-kii bishii Oktoobar ay ciidammadii milaterigu qabsadeen meelihii muhiimka ahaa magaalada Muqdishu, waxana la mamnuucay xisbiyadii siyaasadda, waxana la xidhxidhay siyaasiyiin sarsare. Laga soo bilaabo waqtigaas, waxa xukumayey dalkaasi Gole Sare oo Kacaan oo uu hoggaaminayo madaxii ciidamada, General Mohamed Siad Barre. Hogaamiyihii inqilaabkaasi aan dhiiggu ku daadanna, waxa uu awodda xukunka haystay muddo ka badan labaatan sano.

Hab ah ‘Hantiwadaag Cilmi Ku Dhisan’ ayaa la soo rogey, waxana habkaasi ku ladhnaa isku-daygii tirtirista qolo-qolonnimada amma qabyaaladda, hab- beeleedkaasi oo ka mid ah waxyaabaha aasaasiga u ah mujtamaca Soomaalida. Siyaad Barre waxa uu sheegay oo uu ku tilmaamay inay ku tahay cudur amma habaar aan loo adkaysan karayn kacaanka hantiwadaagga ah, waxanu yidhi: ‘Qabyaaladda iyo waddaninnimadu ma wada socon karaan. Waa nasiibdarro in qabiilku uu yahay mid aad ugu weyn ummaddeenna. Haddii Soomaali oo dhammi ay Cadaabta gelayso, waxay ku cadaab-tegayaan waa qabyaaladda.’
Hal-ku-dhegyada ugu waaweyn ee Soomaaliyadii cusbayd ayaa noqday ‘Qabyaaladdu waa mid wax kala qaybisa, Hantiwadaaggu waa mid wax mideeya.’ Soomaalida waxa laga mamnuucay inay iskugu yeedhaa amma isku aqoonsadaan beelaha ay ka soo kala jeedaan, waxana lagu amray inay isku wacaan Jaalle, ereygaasi oo macnihisu yahay saaxiib amma macag. Sawirro laga dhigay inay u taagan yihiin qabiilka amma qabyaaladda ayaa la soo sameeyey, ka dibna la aasay amma la gubay, si tusaale looga dhigo tirtiristii qabyaaladda. Iyadoo la raacayo habkii dalalkii kale ee Shuuciga ahaa ee isbahaysiga cusub ay la yeelatay Soomaaliya, ee Midowgii Soofiyet iyo Kuuriyada Waqooyi, waxa dadweynihii lagu dhiirrigeliey inay ka qayb qaataan mahrajaanno iyo mashaariicda iska-wax-u- qabso. Waxa la qaaday tallaabooyin kale oo dheeraad ah oo la rabey in lagu cidhib-tiro ‘dhaqamadii gaboobey’ ee uu watey nidaamka qabaliga ah ee dhaqan- afeedka amma wax-qoris-la’aanta, waxana la soo rogey markii ugu horraysey qoritaanka af-Soomaaliga, sannadkii 1972. Waxa ku xigey olole ballaadhan oo la qaaday sannadkii 1974-kii, oo lagu faafinayey barnaamijyadii dadweynaha ee wax-qorista iyo wax- akhrinta. Sida uu ku tilmaamay Professor Ioan Lewis qoraalladiisii, waxa la xidhay dugsiyadii sare ee dalka intoodii badnayd, iyadoo in ka badan soddon kun oo qof oo ka kooban ardaydii iyo macallimiintii loo kala diray degaannadii miyiga, si ay u soo baraan dadweynaha reer-miyiga ah wax-qorista iyo wax- akhrinta, daryeelka caafimaadka iyo nadaafadda aasaasiga, iyo mabaadi’da hantiwadaagga. Waxana ka mid ahaa waxyaabihii uu qoray:

Iyaga oo la sii siiyey qalab ka kooban bustayaal, sabuurado isku laab-laabmaya (oo aan laakiin hagaag u kala furmayn), caagado biyo ah iyo agab kale, iyo weliba qaddar gunno ah oo dhan laba shilin maalintii, ardaydaasi iyagu fursadda gaarka ah hore ugu helay waxbarashadii magaalooyinka dhexdooda, waxay noqotay inay ula tagaan oo ay u gudbiyaan midhihii kacaanka jaallayaashoodii miyiga ee hore loo daayacay, ayna marti u noqdaan, lana joogaan qoysaskii reer miyiga, martigelintaasina ugu abaalgudaan inay baraan dadkaasi wax-akhrinta iyo wax-qorista.’16

Xilliyadaasi ayay bilaabantay in xaaladaha Soomaaliya ay si weyn u xumaadaan oo ay u qasmaan. Sannadihii 1974 ilaa 1975-kii, waxa dalkaasi ka dhacay waxa waqtigaas lagu tilmaamay abaarihii ugu ba’naa taariikhda dalkaasi. Sannadkii 1977, iyadoo uu soo cusboonaaday dedaalkii ku saabsanaa in la helo ‘Soomaali-Weyn’, isla markaasina ay suurtogal ahayd in meesha ay ku jirtey ujeeddo ah in dadka laga jeediyo dhibaatooyinkii gudaha ka taagnaa, Siyaad Barre waxa uu ku dhawaaqay dagaal lagu qaaday Itoobiya, oo looga gol lahaa in lagu qabsado gobolka Ogaden. Waa markaasi dagaalladaasi ay qarxeen markii Midowgii Soofiyet uu si weyn oo la yaab leh u bedeley xidhiidhkii isbahaysi ee dhincyadii dagaallamayey, waxanu tuuray Soomaaliya oo uu laalay isbahaysigii uu la lahaa, ka dib markii hoggaamiyihii kacaankii Maarkiistaha amma Shuuciga ahaa ee cusbaa ee Itoobiya, Mengisyu Haile Mariam, oo sannadkii 1974- kii afgenbiyey Boqor Haile Selassie, uu dawladdii Soofiyet-ka weydiistey taageero. Dawladdii Soofiyetku waxay siisay saaxiibkoodii cusbaa ee Itoobiya taakulayn iyo hub milateri oo aad u fara badan, taasi oo keentay in la jebiyo Soomaaliya sannadkii 1978-kii. Burburkii ka abuurmay abaarihii iyo dagaalladii waxay horseedeen inay sii korodho tiro badan oo ka tirsan Soomaalidu inay ku kacaan oo ay ka horjeestaan madaxweynahoogii. Sannadkii 1978-kiina, koox ka kooban saraakiishii milateriga ayaa isku deyey inqilaab dhicisoobey oo ay kula kaceen Siyaad Barre, kacdoonkaasi oo caalamad u ahaa amma muujinayay niyad-jabka sii badanaya.

Waxa bilaabantay in dalku uu kala daato oo uu sii kala burburo. Dedaalkii Siyaad Barre uu ku doonayey in uu ku tirtiro qolo-qolonnimada iyo qabyaaladda waxa uu noqday dhibaato isagii dib ugu soo noqotay oo saamaysay ; sannadihii 1980-maadkiina, waxa samaysmay dhawr jabhadood oo ku dhisan gobolaysi iyo beelo.

Kuwa ugu horreyey kooxahan waxa ka mid ahayd jabhaddii SNM (Somali National Movement). Jabhaddaasi waxay markii hore ahayd oo ay ku bilaabanatay beelo badan oo isbahaystay, markii danbana urur u taagan danaha beelihii Isaaqa ee ka soo jeedey Maxmiyaddii hore ee Ingiriiska ee Somaliland, kuwaasi oo ka dagaallamayey waxa ay u arkeen fogeyn la foogeeyey oo la takrooray, iyo cadaadis iyo ciqaab ay kula kacday dawladdii Siyaad Barre.
Jawaabta ay dawladdii ka bixisay arrintani iyo tallaabooyinka ay kala hor tagatay jabhaddani mucaaradka, waxay ahaayeen qaar si xad-dhaaf ah u qallafsan oo waxshinnimo. Ciidamadii dhulka iyo kuwii cirka ee Siyaad Barre waxay duqayn xoog leh ku sameeyeen magaala-madaxdii gobolka ee Hargeysa, oo sida duqayntaasi ay magaaladii u baabiisay lagala mid dhigay oo loogu magac-daray ‘Dresden-tii Afrika’ (Dresden of Africa). Waxay noqotay wax naadir ah oo far-ku-tiris ah in la helo gidaar amma guri taagan oo bed qaba oo duqayntaasi ka badbaaday, waxana la burburiyey amma la bililiqaystay dhammaan guryihii iyo dhismayaashiii, iyo saqafyadii, mid kasta. Magaaladii waxay noqotay meel gabaahiir ah oo la burburiyey, si xunna loo fadhataystay, dadweynihii ku noolaana ay aakhirkii ka qaxeen oo ay u lugeeyeen ilaa Itoobiya, qaxaasi oo ahaa, sida uu ku tilmaamay Mark Bradbury buuggiisii ‘Samaysankii Somaliland’ (Becoming Somaliland, London, 2008), mid weyn oo qeyra-caadi ah amma oday-ka-sheegee ah, wanu qoray: ‘Qaxii ay qaxeen dadweyne ku dhaw-dhaw ilaa 500,000 oo qof oo rayid ah oo ka qaxay waqooyiga Soomaaliya, una qaxay Itoobiya sannadkii 1988, waxay dhacdadani ka dhignayd dhacdooyinka ugu waaweyn ee ugu darnaa dad xaddigaasi leh oo si xoog ah mar qudha loogu kallifay in ay barakacaan, taariikhda Afrika.’17

Bishii May ee 1988, weerarradii Jabhaddii SNM ay ku qaadday Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, waxay bilaw u ahaayeen dagaalladii sokeeyey ee Soomaaliya, kuwaasi oo socdey muddo ka badan labaatan sanadood ah. Waxa kale oo jirey jabhado kale oo ka samaysmay meelo kale oo ka tirsan dalka. Sannado hore, dhinaca waqooyi- bari waxa ka samaysantay jabhaddii SSDF (Somali Salvation Democratic Front), dhinaca koonfur iyo badhtamaha Soomaaliya-na waxa ka dhisantay jabhaddii USC (United Somali Congress) oo inta badan u taagneyd danaha beelaha Hawiye. Beelihii Ogaadeenna waxay samaysteen dhaqdhaqaaqii SPM (Somali Patriotic Movement). Bishii August ee 1990-kii, jabhadihii SNM, SPM, iyo USC waxay ku shireen Itoobiya, waxayna ku heshiiyeen inay samaystaan isbahaysi midaysan oo ay isku bahaystaan dagaalka ay kala horjeedeen Siyad Barre.

Xilligaasi, dawladdii dhexe waxa haysatey oo ay ku jirtey xaalad la yaab leh oo aan la filayn oo la mid ah tan haatan timid labaatan sano ka bacdi waqtigaasi, xaaladdaasi oo ahayd xukunka dawladdii dhexe oo ku soo ururay, kuna koobnaaday wax aan sida uga durugsanayn magaalo-madaxda. Waxa aad u soo yaraaday oo soo koobmay dhulkii uu gaadhsiisna awodda xukunka ee Siyaad Barre, oo gaadhay ilaa heer mucaaradkiisii ay ugu yeedhaan ‘Duqii Magaalada Muqdishu’. Jabhadihii mucaaradka ahaa waxay ku soo durkeen oo ay hareereeyeen magaaladii, 26-kii bishii ee 1991-kiina, Siyaad Barre waxa farahiisa ka baxay xukunkii magaalo-madaxda, waxana ka saartay halkaasi jabhaddii USC.

Burburkii Dawladda (State Collapse)

Dhicitaankii Siyaad Barre ma noqon dhammaadkii dagaalka. In kasta oo xukunkii laga tuuray kelidii- teliye had iyo jeer naxariis darnaa oo qallafsanaa, haddana laga soo bilaabo sannadkii 1990-kii, dadweynaha Soomaaliyeedd intooda badani waxay ahaayeen kuwa aan haysan hoggaan dhexe oo si wax-ku- ool ah u shaqeeya, waxayna ku noolaayeen dawlad- la’aan.

Isla markii Siyaad Barre laga turay xukunka, wax markiiba iyagu dhexdooda isku jeestey ururkii USC. Waxa burburtay midnimadii Hawiyaha, iyaga oo laba beelood oo ka mid ah beelaha Hawiyaha, kalana ah Abgaal iyo Habar Gidir, ay dhex martay colaad aad u qadhaadhi oo ay isku noqdeen cadow xun, iskuna bilaabeen dagaallo. Qof Ingiriis ah oo la yidhaa Murray Watson, oo ka tirsanaa shaqaalihii hey’adaha gargaarka, ayaa goobjoog ka ahaa oo ka hadlay dagaalladii maalmihii ugu horreeyey halkaasi ka dhacay, sannadkii 1991-kii. Waxanu yidhi:
Dagaallo badan iyo taxshhiirado ayaa ka dhacaya agagaarka qasriga madaxtooyada. Waxan hadda soo maray cusbitaalka oo maalin kasta la keeno konton ilaa lixdan qof oo dhaawac ah. Maalin kasta, dhakhtarradu waxay sameeyaan qalliin addimada oo la jaro ah, min toban ilaa shan-iyo-toban qalliin oo noocaasi ah. Dhiig ayaa igaga yaal oo soo gaadhay lugahayga. Ma malayn kartid dilka xun ee halkan ka dhacay. Waxan ka soo qaaday sawirro meydadka jidka daadsanaa hadda. Ma jiraan imika meydad badan oo sii yaallaa, waayo, eyda ayaa cuntay intoodii badnayd. Laakiin weli waxa sii yaalla gacmo dad oo ka dhex muuqda ciidda. Hareeraha waddada waxa ku yaalla xabaalo degdeg ah oo lagu aasay dadka isla goobihii ay ku dhinteen. Dadka wax ku dhaceen ee dhintay amma dhaawacmay, intooda badani waa dad rayid ah ; waa dumar, waa rag da’ah, waa caruur.

Tani waxay ahayd Soomaaliya iyo hab-beeleedkeeda oo sida ugu weyn iyagu isku baabiinayey amma is-cidhib tirayey. Dhicitaankii Siyaad Barre, halkii uu ka horseedi lahaa nabad, iyo in la dhiso nidaam sugan oo dawli ah oo ku dhisan dimoqoraadiyad iyo caddaalad, waxa ka dhashay oo uu keenay dagaallo aan caqli ku fadhiyin, dagaalladaasi oo saamayntii dhibaatooyinkoodii ugu xumaa ay ku dhaceen dadweynihii rayidka ahaa.

Nidaamkii diktaatooriga ahaa ee keli-taliska, waxa bedeley qabqablayaal dagaal, oo ahaa hoggaamiyayaal- beeleed awod badan, oo ay taageerayaan maalqabeenno baayacmushtar ah iyo kooxo hubaysan oo miliishiyooyin ah, kuwaasi oo Soomaaliya inteedii badnayd u rogey degaanno kala gooni ah oo ay kala xukumaan qabqablayaal dagaal. Kooxahaasi waxay ahaayeen kuwa iyagu midba midka kale la dagaallamayey, amma midba midka kale la samaysanayey gaashaanbuur isbahaysi, isbahaysigaasi oo haddana si dhakhso ah u burburayey muddo yar ka bacdi. Xaaladaha noocan ah ee aan la sadaalin karin, ee sida dhakhsa ah isku bedeleyey, waxay jahawareer ku noqdeen cid kasta, gudaha iyo debadda Soomaaliya labadaba.

Mar aan booqday Soomaaliya, horraantii sannadihii 1990- meeyadii, aad ayay u yarayd in aad aragto qof aan hubaysnayn, yar iyo weyn ragga, oo aan qori sidan. Hubku waxa uu noqday mid daruuri ah oo loo baahan yahay sida shaadhka la gashado oo kale, kana muhiimsan kabaha. Wiilal yaryar oo dagaalyahanno ah oo indhuhu soo baxsan yihiin, dhididna ka soo boodey, ayaa eryayey oo watey buurbuur nooca dagaalka ee Soomaalida ah oo loo yaqaanno baabuurta ‘Tiknikada’. Waa baabuur dusha laga jaray amma Land Cruiser-ro ah, oo qoryo waaweyn la saaray, aanay la socdaan miliishiyo aad u hubaysani. Taxshiiradaha iyo rasaasta joogatada ahi waxay dileen tobannaan kun oo qof, in badan oo kale way dhaawaceen, waana la barakiciyeen, waxayna dagaalladaasi baabiiyeen
magaaladii Muqdishu oo ka mid ahayd magaalooyinka ugu qurux badan Afrika.
Nin ka mid ah raggii isku deyey in la joojiyo burburkaasi, waxa uu ahaa Cumar Salaad, oo mas’uuliyado sare ka soo qabtay xukuumaddii Siyaad Barre, laakiin waqtigani ka mid ahaa mucaaradka oo uu ku biiray. Waxanu yidhi:

Waxaan soo arkay ee aan u soo joogey waxay ahaayeen wax aad u fool xun, aad iyo aad u fool xun. Waxa socdey dil, waxa socdey boob, waxa socdey qas. Dadku guryaha ayay boobayeen oo xadayeen, dumarka ayaa la kufsanayey. Waxay ahayd wax argagax leh oo aad u fool xun. Waxan ku dedaalayey inta karaankay ah in aan gacan ka geysto badbaadinta dadkii qaraabada iyo asaxaabta ahaa. Miliishiyooyinka beeluhu waxay ku dagaallamayeen oo ay haysteen dhammaan noocyada hubka : qoryaha boobayaasha culculus ee mashiingaannada, kuwa fudud ee reyfallada, madaafiicda lidka diyaaradaha oo la saaray buur Land Cruisero ah, iyo xataa sawaariikhda Katuusha ah. Muddo yar ayaa gebi ahaan badhtamihii magaalada lagu baabiiyey oo laga wada dhigay burbur ciid iyo quruurux ah.

Waxan tegey Tiyaatarkii Qaranka , oo ahaa dhisme aad u qurux badan oo bilicsan, kaasi oo si weyn loo fadhataystay, lana qaawiyey gebi ahaan. Waxan sii qaaday qaar ka tirsan ilaalaladaydii oo aan geeyey tiyaatarkii, waxanan amar ku siiyey inay xabbado dusha u ridaan oo ay dulmariyaan budhcadda wax bililiqaysanaysa. Tani waxay ka cabsiisay tuugadii oo yaacay. Ka dibna laba ka mid ah ilaaladaydii ayaan halkii kaga tegey si ay halkaasi u joogaan, una badbaadiyaan tiyaatarka.

Waxan tegey meel maqaaxi amma hudheel ah oo wax laga cuno magaalada Muqdishu. Waxanan halkaasi ku arkay dadkii oo afka iyo gacmaha iska marinya waraaqihii sirta ahaa ee xafiisyada dawladda. Xataa waxay la aadayeen oo ay ku isticmaalayeen musqulaha. Ninkii hudheelka lahaa ayaan siiyey waxoogaa lacag ah, waxanan ka ururiyey oo aan ka qaaday waraaqahaasi qaaliga ahaa ee muhimka ahaa. Laakiin haddana waxan arkay hudheelladii kale ee magaalada oo dhan oo waxaasi iyo wax la mid ahi ay ka socdaan. Ka dibna waxa soo ururiyey oo aan badbaadiyey waraaqo badan, intii aan gaadhi karayey. Aakhirkiina waxan isku keenay wax noqday ilaa 175 fayl oo ah dhakumantiyadii rasmiga ahaa ee dawladda.

Dilkii iyo burburkii waxa soo raacday gaajo. Waxay si dhakhso ah iskugu bedeshay xaalad macaluuleed, oo ban’iidam abuuray. Inta badan dhulkii masnada ahaa ee wax ka bixi jireen ee Soomaaliya, ee u dhaxeeyey labada webi ee Jubba iyo Shabeelle, ayaa noqday dhul ay ku dagaallamaan kooxihii iska soo horjeedey. Dadkii beeraleyda ahaa ee degganaa halkaasi, waxay noqdeen wax la laayey, wax la barakiciyey oo lagu kallifey inay qaxaan, amma wax lagu khasbay inay ku biiraan miliishiyooyinka. Waxa bilaabantay in dadku ay u dhintaan macaluul, gaar ahaanna qaybo ka tirsan gobollada koonfureed iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya. Cumar Salaad waa u qiiroodey oo maroora-dillacay markii uu iiga sheekaynayey markii ugu horraysay ee u soo booqday degaannadii ugu darnaa ee macaluushu saamaysay, degannadaasi oo loo yaqaanney ‘Saddex- Geeskii Geerida’, waxanu yidhi:

Waxan arkay boqolaal caruur ah oo daadsan, safaf dhaadheer, waddada laamiga ah hareeraheeda. Way wada qaawanaayeen, waxayna ahaayeen lafo qalfoof ah, laakiin may dhimanin. Weli waa sii noolaayeen, laakiin waxay qarka u saarnaayeen inay dhintaan. Markii aan warsaday waxa caruurta intaasi leeg halkani keenay ee ay ka qabaanayaa waddada, waxa la ii sheegay in waalidkoodu uu ku wada dhintay macaluushii. Waan ilmeeyey. Waxa ugu daran ee aan arkay waxa uu ahaa ilmo yar, oo qalfoof ah, oo jaqaysaa naaskii hooyadeed oo meyd ah. Waan hunqaacay. Ka bacdina waxan go’aansaday in aan soo kaxeeyo suxufiyiin iyo weriyayaal ajanebi ah oo aan keeno degaankan, si ay adduunka ugu faafiyaan wararka waxyaabaha ka dhacayaa ee ka taagan Soomaaliya.

Xattaa dadkii iyagu wax badan hore uga soo shaqeeyey dhulalka ay ka jiraan dagaallada iyo macaluusha, sida Tony Vaux oo kale oo ka tirsan shaqaalaha hey’adaha gargaarka, waxa aad u taabatay xaaladdii ay ku arkeen Soomaaliya, waxanu yidhi Tony :’Tani waxay ahayd xaaladdii ugu xanuunka badnayd ee i soo marta intii aan socdaalayey ee aan wareegayey oo dhan ee aan u shaqaynayey hey’adda OXFAM in ka badan labaatan sano, socdaalladaasi oo ay ku jiraan kuwii aan ku tegey ee aan ku soo arkay xaaladihii Itoobiya sannadkii 1984- kii. Heerka dhibaatada ee xaaladda Soomaaliya, waa mid aad u weyn oo ba’an marka loo eego kuwaasi kale. Dhibaatada banii’aadminnimo ee halkasi ka jirtaana waa mid aan aslanba la rumysan karin.’

Markii sawirradii iyo muuqaalladii aafadaasi lagu baahiyey ee ay ka soo baxeen telifishannada caalamka, waxa bilaabmay olole caalami ah oo dadweyne oo loo sameeyey in la qaado tallaabooyin, oo wax la qabto. Laakiin xaaladahani waxay ahaayeen qaar adag, oo aan caadi ahayn, oo khatar ah. Soomaaliya waxay ahayd dal aanay ka jirin dawladi, oo ay ka socdaan dagaallo xun oo soo noqnoqonaya, oo aan la sadaalin karin, oo baahsan. Guud ahaan waxa adkaatay sidii loo heli lahaa qaab lagu gaadhsiiyo dadka baahan gargaar banii’aadminnimo. Xaaladdu waxay ahayd mid aad u xun oo gaadhay ilaa heer ah in la toogto maraakiibtii siddey gargaarka, xataa ka hor inta aanay soo gaadhin berriga.

Faragelintii Dibadeed (Intervention)

Qiyaastii siddeed-iyo-toban bilood ka bacdi markii Muqdishu ay duntey, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu bishii April ee 1992 ogolaaday in la geeyo Soomaaliya ciidammo nabad-ilaalineed oo gaadhayaa ila saddex kun, hawlgalkaasi oo loo yaqaanney UNOSOM. Waxase isla markiiba caddaatay in loo baahan yahay wax intaa ka badan oo ka ujeeddo dheer.

Madaxweynihii Maraykanka ee waqtigaasi, George Bush, oo xilligiisii sii dhammaanayey, ayaa qaaday tallaabadii u horraysay, isaga oo soo jeediyey in ciidamada Maraykanku ay qaadaan oo ay hoggaamiyaan hawlgal aad uga ballaadhan kaas hore oo ay fuliso Jamciyadda Qaruumha ka Dhaxaysaa, si loo suurtogeliyo oo loo hubiyo in si bed qabta loo gaadhsiin karo gargaarka banii’aadminnimo dadka macaluulaya, kuwa barabaxay, iyo kuwa dhaawac ah ee Soomaaliya. 3-dii bishii December ee 1992, ayaa markii ugu horraysay taariikhda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, uu Goluhu ansixiyey faragelin Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysaa ay iskeed ugu dhaqaaqdo iyada oo adeegsanaysa xoog milateri oo lagu qaado dal iyo qaran madaxbannaan. UNOSOM waxa lagu bedeley UNITAF.

Horraantii sannadkii xigey waqtigaas, waxa la bilaabay hawlgal loo bixiyey ‘Operation Restore Hope’ amma Hawlgalkii Soo-celinta Rajada; waxana Soomaaliya u duulay oo tegey ilaa lix boqol oo suxufi oo ka kala socda warbaahinta debadda, si ay warbixinno uga soo sameeyaan hawlgalladii u muuqday wax aan la malayn Karin oo riyo amma khayaal ah oo xaqiiqada ka fog, ee ciidamada Maraykanku ay si cajiib ah ugu degayeen, goor habeennimo ah, xeebta badda Muqdishu, iyaga oo isku dhigayey oo u libiqsanayey kamarooyinka sawirrada iyo filimmada markii ugu horraysey ee ay cagaha dhigayeen dalkan ay u yimaaddeen inay ‘badbaadiyaan’. Ciidammo ka badan 25,000 oo Maraykan ah ayaa ka qayb qaadaneyey fulinta hawlgalkani.
Hawlgalkii ‘Operation Restore Hope’ ee Soo-celinta Rajadu waxa uu gaadhay guulo bilaw ah, isaga oo suurtogeliyey in taakulayntii gargaarka iyo gaadiidkii sideyba, in ay gaadhaan meelihii loogu talo galay, iyada oo aanay soo weerarin, oo aanay boobin amma dhicin miliishiyo-beeleedku.

Laakiin Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysa iyo Maraykanka midna si buuxda uma fahmin murugsanaanta xaaladaha ka jira gudaha. Waxa bilaabmay in xaaladihii ay si dhakso ah isku bedelaan oo sii xumaadaan, kana sii daraan. Waqtigaasi, hawlgalkaasi oo loo yaqaanney UNOSOM II, waxa uu noqday kan ugu ballaadhan adduunka ee ay fuliso Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysaa, waxana ku hawllana hawlwadeenno gaadhaya ilaa 30,000 oo qof iyo kharash ku dhaw-dhaw US$1.5 bilyan oo doollar sannadkii.

Kooxaha qaar ee Soomaalida ayaa bilaabay inay u arkaan ciidamadaasi hubaysan ee ajanebiga ah ee nabad-ilaalintu inay la jiraan amma ka tirsan yihiin beel ka mid beelihii ay is-hayeen ee ka soo horjeedey iyaga, sidaasi awgeedna ay mudan yihiin in lagala hortago dagaal, gaar ahaanna marka ay ku kacaan falal daandaansi ah. Waxana arrintaasi ay keentay in la dilo bishii June ee 1993, in ka badan labaatan askari oo Baakistaaniin ah oo ka tirsanaa ciidamadii nabad- ilaalinta, ciidamadaasi oo wadey hawlo hub-baadhis ah, oo ay isku deyeen inay ku qaadaan miliishiyooyinkii General Aideed.

Dilkii askartaasi reer Pakistan waxay jawaab xun oo xoog leh ka keentay abbaanduulihii Maraykanka ahaa ee hawlgalkaasi ‘Operation Restore Hope’, Admiral Jonathan Howe, oo ku dhawaaqaya dagaal uu kaga dhabeeyey oo aanu waxba ula hadhin dhinac kasta in lagu qaado General Caydiid, isaga oo madaxa General Caydiidna saaray oo sheegay inuu ku doonayo lacag dhan US$20,000 oo doollar oo la siinayo qofkii soo qabta amma soo sheega. General Caydid waxa u noqday nin ku bannaan magacan naanaysta ah ee uu leeyahay oo macnihiisu uu yahay ‘ninkii aanay ceebtu raaci karayn ee aan qaadanayn’; waxanu isna dhinaciisa kaga dhawaaqay in uu isna ku bixinayo US$20,000 oo doollar oo abaalmarin ah ciddii keenta madaxa Admiral Howe oo sidiisii ah, amma ‘Animal’ Howe oo ah sida ay ugu yeedhi jireen Soomaali badani.

Ciidammadii Maraykanku waxay sii xoojiyeen hawlgalladoodii, iyaga oo hadba joojiya oo baadha Soomaalida maraysa dariiqyada amma suuqa, olole baadhitaanna ku qaada suuqa Bakaaraha oo weerara, suqaasi oo isku meel lagu iibin jirey hubka iyo rasaasta, iyo dharka, bakaashka iyo alaabta guryaha, hilibka iyo khudaarta. Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn magaalada Muqdishu, waxa uu noday bartilmaameedka ugu weyn, suuqyada laga adeegto ee adduunka. Sannado badan ayaa waxa suuqaasi ku socdey weerarro baadhitaan iyo duqayn. Intii u dhaxaysay laga soo bilaabo badhtamihii sannadihii 2000 ilaa dabayaaqadii sannadahaasi, suuqaasi Bakaaraha waxa weerarro joogto ah ku hayey ciidamada dawladda Soomaalda iyo kuwa nabad-ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika, iyada oo loo arkayey meel ay al-Shabaab ku dhuumato, isla markaasina u ah il muhim ah oo dhaqaale ka soo galo.

Xiisadihii u dhexeeyey General Caydiid iyo ciidamadii Maraykanku waxay meel sare oo dagaal gacan-ka-hadal ah gaadheen bishii Oktoobar ee 1993, oo u dhacay dagaalkii loo bixiyey ‘Dagaalkii ugu Horreeyey ee Muqdishu’ amma ‘Black Hawk Down’. Laba diyaaradood oo Maraykan ah oo ah nooca helikobtarrada loo yaqaan Black Hawk ayaa la soo ridey oo la soo dhigay jidadka magaalaada. Hawlgal balaadhan oo kale oo milateri, oo la doonayey in lagu soo furto oo lagu soo badbaadiyo askartii saarnayd diyaaradaaasi la soo ridey, waxa lagu diley oo ku dhintay siddeed-iyo- toban askari oo Maraykan ah, kuwaasi oo meydadkoodii la jiidjiidey jidadka. Tirada dhabta ah ee Soomaalida ku dhimatay dagaalladaasi ba’naa lama oga, laakiin waxa lagu qiyaasaa boqoaal.

Dhacdadani oo dib u soo celisay xusuusihi dagaalladii Vietnam, waxay ku noqotay dawladda Maraykanka culays aan la xamili karayn oo aan la sii wadi karayn. Madaxweynihii cusbaa ee xilka la wareegey, Bill Clinton, waxa uu amar ku bixiyey in ciidamadaas laga soo saaro halkaasi oo dib loogu soo celiyo dalkooda; intoodii badnaydna waxa la soo dhamaystirey oo ay tegeen sannadkii xigey waqtigaasi.

Ciidamadadii nabad-ilaalinta ee Qaramada Midoobey oo noqday ciidammo aad u daaley oo niyad-jabay, waxay ku dedaaleen inay sii wadaan hawlgalladoodii, dedaalkaasi oo aakhirkii u muuqday mid aan wax-ku-ool noqon oo aan shaqayn. Markii aan booqday magaalada Muqdishu sannadkii 1994, ciidamadaasi nabad-ilaalinta ee loo yaqaanney ‘blue helmet’ ( amma caanka ku ahaa midabka koofiyadaha milateri ee ay xidhan yihiin oo ah bey-bey amm buluuki), waxay ahaayeen kuwa dhammaan aan lagu arkin meel ka baxsan xeryaha amma saldhigyada Qaramada Midoobey. Waxan arkay tiro yar oo ka tirsan ciidammadaasi nabad-ilaalinta oo ku gabbanaya, cabsi awgeed, jawaanno ciid ah oo la teeday goobaha kontoroolka ee magaalada oo ay dhufeys ka dhigtaan. Laakiin waqtigani waxay ahaayeen ciidammo runtii ahaantii jabay, jabkaasi oo ka soo gaadhay isla dadkii ay u yimaaddeen markii horeba inay badbaadiyaan. Intii ka hadhay ciidamadii nabad- ilaalintuna si dhakhso ah ayay uga baxeen halkaasi, iyaga oo u kala tegey Soomaaliya iyo axwaasheeda, amma arrimaheedu halka ay ku danbaynayaan.

Faragelintii milateri ee Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee sannadihii 1990-meeyadii, waxa ay noqon karayaan tusaalaha ugu xiiso badan amma ugu fiican ee la soo qaadan karo marka laga hadlayo doodda ah ‘Soomaaliya oo khalad laga fahmay’, amma sida khaldan ee loo waajahay. Hawlgalkani waxa uu u taagnaa oo tusaale u ahaa qaabkii hore ee khaldanaa ee madax-adaygga ahaa, ee noqday in loo adeegsado ciidammo ajanebi ah iyo ujeeddo fiican, dhismaha dawlad iyo dal. Tusaalooyinkii ugu danbeeyey ee Ciraaq iyo Afqaanistaanna, waxay u muuqdaan in aanay noqon casharro wax laga bartay oo waayo-aragnimo laga kasbaday. Mark Bradbury waxa uu tilmaan ka bixinayaa sida ay saamayn fog ugu yeelatay guuldarradii lagu guudarraystay siyaasadda debadda ee ku aaddanayd Soomaaliya, sida ay saamayn ugu yeelatay meelo kale oo Afrika ah oo dhibaato weyni oo tan xigtey ay ka dhacday, ahna xasuuqii Rwanda ee sannadkii 1994:

Madaxweyne Bush, oo dhiirrigelin ka helay guulihii dalalkii isbahaysigu ay ka soo hooyeen Khaliijka, hawlgallada milateri iyo gargaarka banii’aadminnimo waxay u ahaayeen fursad kale oo maraykanku ku muujin karo kaalintiisa caalamiga ah, ee ah in uu yahay bileyskii caalamka, marka laga hadlayo ‘nidaamka adduunka cusub’ …

Ergeyga joogtada ah ee dawladda Maraykanka u fadhiyey Qaramada Midoobey, oo ahayd waqtigaasi Madelaine Albright, waxay sheegtay in ujeeddada faragelintaasi ay ahayd ‘ wax aan ka yaran in la dib loo soo celiyo oo loo dhiso ummad dhan oo laga dhigo ummad heybad leh oo shaqaynaysa, oo jirta oo lafaheeda wax u qabsanaysa, kana mid ah oo u tirsan ummadaha adduunka’… Hawlgalkii UNOSOM waxa uu ahaa mid aan si fiican looga fikirin, si liidatana loo maamulayey oo aan wax lala socodsiin, kaasi oo saamayn weyn ku yeeshay Soomaaliya iyo jawaabihii amma tallaaboyinkii caalamiga ahaa ee laga qaadayey amma wax lagaga qaban lahaa dhibaatoyinka kale ee meelo kale ka dhaca. Hammigii amma aragtidii George Bush ee ahayd in loo dejiyo nidaam cusub aduunkan cusub, waxa hammigaasi lagu aasay jidadka magaalaa Muqdishu. Niyad-la’aantii uu Maraykanku kaga maagey ee ka gaabsaday in uu wax ka qabto xasuuqii ka dhacay dalka Rwandan, waxa ugu wacnaa oo ay ahayd natiijo si toos ah uga dhalatay waayo-aragnimaaasi ka soo martay Soomaaliya.18

Waa wax lala yaabo oo aan la filayn in iyada oo General Caydiid uu dagaal kula jiro Maraykanka iyo Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysa, in haddana ay jireen dad ka tirsan beeshiisa Habar-Gidir, inay lacag fiican ka samaynayeen ‘cadowga’, iyada oo suurtogal ay tahay in badh ka mid ah lacagayowgii caalamiga ahaa (amma hantidii garaarka ee caalamka) in loo leexiyey General Caydiid oo lagu maalgeliyey dagaalladii uu wadey. Dadkaasi qaarkood waxay ka shaqaynayeen maamulka hawgalladaasi oo ay ku dhex jireen, iyo UNOSOM oo ay u ahaayeen turjumaanno, waxana dhici karta inay u gudbiyeen kooxdii General Caydiid, warar iyo xog hoose oo ku saabsan hawlgalladaasi nabad-ilaalinta.

Sida aalaaba ka dhacda xaalado badan oo kale oo colaadeed, hawlwadeennadii banaamijyada gargaarka banii’aadminnimo ee Soomaaliya, waxa la soo gudboonaatay inay mar walba ‘la macaamilaan shaydaanka’, si ay shaqadoodu u socoto oo ay hawshooda u gutaan. Waxay guryo iyo xafiisyo ka kiraysteen rag ganacasato ah oo maalqabeenno ah, kuwaasi oo qaar ka mid ahi ay maalgelinayeen oo ay hanti siinayeen qabqablayaashii dagaalka.

Miliishiyooyinka dagaalku waxay cusbitaallada ku khasbi jireen, iyaga oo hubkood adeegsanaya si ay xoog wax ugu helaan, in iyaga loogu horraysiiyo oo marka hore la daweeyo, lagana hor mariyo dadka kale ee rayidka ah.

Hey’adaha gargaarku waxay ku bixiyeen lacag kumannaan doollar ah oo ay siiyeen Soomaali hubaysan, si loo ilaaliyo nabadgelyada shaqaalahooga, hantidooda, baabuurtooda, iyo ilaalinta qaybinta taagulaynta gargaarka. Kooxdii haysatey ee xukumasey dekeddu, waxay lacag badan ka sameeyeen cashuurihii ay ka qaadayeen shixnadaha garaarka ah ee soo degaya, iyo gargaarkaasi banii’aadminnmo oo badh loo leexiyo suuqa, si loo iibiyo oo ay macaash iyagu ay qaataan uga helaan, amma u qaybiyaan taageerayaashooda iyo miliishiyada u dagaallamaysa. Mark Bradbury waxa uu mar kale ka hadlayaa saamaynta amma natiijada xun ee aan loo kasin ee ka soo baxday faragelintii caalamiga ahayd sida ay ku danbaysey:

Ilaa hadda wax badan ayaa laga qoray siyaabaha gargaarka caalamiga ahi uu u dhex geli karo ee uu uga mid noqon karo dhibaatooyinka dagaallada, gargaarkaasi oo loo looltamo amma loo tartamo sidii loo leexsan lahaa ee loo bililiqaysan lahaa, iyo sidii dhaqaale loogu heli lahaa dagaallada amma loo sii wadi lahaa qaabab amma farsamooyin lagu ugaadhsado oo si xoog ah wax loogu dhaco. Horraantii sannadihii 1990-meeyadii, Soomaaliya waxay ahayd tusaalaha ugu fiican ee loo soo qaadan karo marka arrimahani la dersayo. Faragelintii weyneyd ee UNOSOM ee dhinaca koonfurtu waxay sii xoojisey qaababkii iyo farsamooyinkii ay wax ku dhici jireen qabqablayaasha dagaalku, iyo inay soo baxaan oo soo bataan nooc cusub oo ganacsato ah. Waxa kale oo faragelintaasi ka dhashay in Muqdishu ay sii ahaato meel khilaafyo iyo dagaallo ay weli ka oogan yihiin.19

Xaaladani waxay ahayd mid sii socotey ilaa sannadahaasi dagaallada oo dhan. Warbixin uu soo saaray Guddiga Qaramada Midoobey ee la-socodka arrimaha Soomaaliya (Tixraac: Warbixintii bishii March ee 2010) waxa lagu sheegay in ilaa kala-badh cunnadii gargaarka ee la geeyey Soomaaliya, in loo leexiyey qandaraaslayaal musuqmaasuq ah iyo kooxaha Islaamiyiinta ee dagaallamaya.20 In kasta oo hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan cunnada adduunka ee WFP ay markii hore diiddey oo ay beenisay eedaymahani, haddana waxay sheegtay inay joojinayso la-macaamilkii saddexda nin ee qandaraaslayaasha Soomaalida ah ee lagu dhex magacaabay warbixintaasi.

Dawlad ‘Magac-u-yaal ah'(Virtual Government)

Markii hawlgalladii UNOSOM ay sida buuxda u fashilmeen, dawladihii ajanebiga ahaa waxay dabbaqeen oo ay la yimaaddeen tabo iyo xeelado kale oo gebi ahaan ka duwan habkii hore, waxayna ka doorbideen inay ka joogaan debadda oo aanay dhex gelin Soomaaliya. Ka sakow waxoogaa ka mid ah hey’adaha Qaramada Midoobey iyo hey’adaha aan Dawliga ahayn ee NGO-yada oo halkaaasi ku hadhay, dalkaasi waxa uu inta badan noqday mid isaga iyo arrimihiisa loo kala tegey oo faraha laga qaaday. Dagaalladii halkoodii ayay ka sii socdeen, waxana halkeedii ka sii jirtey la’aanta amma maqnaanshaha dawlad dhexe. Waxa kale oo dalkii ka yaacay intii ka bixi karaysay ee aan ahayn wixii ay noqotay inay dagaallamaan amma ay u suurtogashay inay lacag fiican ka helayaan hawlaha xaaladahaasi nidaamdarrada iyo sharci-la’aanta ah ee ka jirey dalkaasi.

Waxa dhammaaday cahdigii amma xilligii faragelinta tooska ah; waxana hadda la soo gaadhay waqtigii la abaabulayey qabashada shirar dhaadheer oo is-dabajoog ah oo nabadeed, kuwaasi oo uu caalamku wadey, laguna qabanayey meelo bed qaba oo ka durugsan Soomaaliya, oo kala ah Itoobiya, Kiiniya iyo Djibouti. Shirarkaasi oo ay ka soo qabgelayeen wufuud boqolaal ah oo ka kala socda qabaa’ilka, dhinacyada siyaasadda, iyo kooxaha markaasi danaynayey Soomaaliya, waxay ahaayeen qaar jiitama muddo bilo ah amma mararka qaar sannado. Waxa ku baxay kharash aad u fara badan oo aan la malayn Karin, oo malaayiin doollar ku kacay ururradii iyo hey’adihii maalgelinayey ee Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysa, Ururka Midowga Afrika, Ururka Midowga Yurub, iyo kuwo kaleba. In kasta oo shirarkaasi ay ku guuldarraysteen inay nabad ka dhaliyaan Soomaaliya, haddana waxa laga yaaba inay wax ka tareen qaboojinta amma khafiifinta dareenkii is-canaanashada dalalka iyo hey’adaha debadda, iyadoo dawladaha ajanebiga haatan loo arkayey inay isku hawlayaan oo ay ku dedaalayaan inay ‘wax ka qabtaan’ arrimaha Soomaaliya, iyaga oo aan ku sugnaan khatar ah faragelin badan oo toos ah oo dalka dhexdiisa lagu sameeyo.
Shirarkaasi dib-u-heshiisiinta qaran, waxay shaqo weyn oo muhim ah u noqdeen dad badan oo ka tirsan wufuuddii Soomaalida, kuwaasi oo qaarkood lagu soo xulay si khaldan oo sharci-darro ah oo aan wakiilnimo sax ah ku fadhiyin, ayna iskood iskaga soo xusheen Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa iyo hey’ahada kale. Waxana lagu dejiyey wufuuddaasi oo loo suurtogeliyey inay ku jiraan, raashin fiicanna ka cunaan hudheello, kuwaasi oo kharashkooda cid kale bixinaysay. Waxa waxaasi oo dhan ka muhiimsanaa oo meesha ku jirtey iyana, inay hadda joogaan meel debadda ah oo ka fog khatartii iyo dhiiggii daadanayey ee Soomaaliya. Waxa kale oo ugu jirey dano gaar ah shirarkan jiitamaya, ilaa inta suurtogal ah ee ay sii socon karaan.

Dawladda Kiiniya waxa ka muqatey inay khaati iska taagtey mid ka mid ah shirarkaasi dabada dheeraaday oo socdey muddo ka badan laba sano, waxayna dawladda Kiiniya u samaysay wufuuddii ‘xaflad sii-sagootin ah’, taasi oo ulajeedadeedu ahayd in si reer- magaalnimo amma asduran loogu sheego wufuuddaasi martida ahayd in la gaadhay waqtigii ay tegi lahaayeen ee ay ku noqon lahaayeen dhulkoodii.

Sabab ka mid ah sababaha shirarkaasi ay ugu danbeeyeen guuldarrada waxay ahayd in, in kasta oo afka laga sheegi jirey hab federaal ah, in haddana ay u muuqdeen inay danaynayaan oo xoogga la saarayo abuurista nidaam ku dhisan dawlad dhexe oo saldhigeedu yahay magaalada Muqdishu. Dhawr dawladood oo ‘ku-meel-gaadh’ ah oo ka soo baxay shirarkaasi ayaa la sameeyey, laakiin midina ma noqon wax shaqeeya oo wax-ku-ool ah, oo wax ugu filan Soomaaliya.
Maamulkii uu hoggaaminayey madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf sannadkii 2005-tii, uma suutoobin xataa in uu tago oo uu dego magaalada Muqdishu, iyada oo ay aad u weyneyd colaadda iyo cadaawadda loo hayey. Dawladdiisii waxay markii hore fadhiisin ka dhigatay magaalada Jowhar oo ilaa sagaashan kiiloomitir dhinaca waqooyi kaga began Muqdishu. Haddana waxay ku kalliftay in dawladdii ay u guurto meel kale oo ka sii fog, oo ah magaalada Baydhabo ee koonfurta, ka dib markii Cabdullahi Yuusuf ay isku dhaceen ee ay kala boodeen mid ka mid ahaa qabqablayaashii waaweynaa ee Jowhar.

In kasta oo maamulladaasi ku-meel-gaadhka ahaa ay ahaayeen qaar caalamku u aqoonsan yahay inay yihiin dawladihii sharciga ahaa ee Soomaaliya,, haddana run ahaantii may ahayn wax ka badan dawlado ‘magac-u- yaal’ ah, waayo, waxba faraha kumay hayn oo may maamuleen. Tusaale ahaan ra’iisal-wasaarihii mid ka mid ah maamulladaasi, Cumar Cabdirashiid Cali Sharamaarke, waxa uu sannaddii 2009 aniga ii qaxiijiyey oo uu ballanqaaday in uu tirtiri doono budhcad-badeedda, muddo laba sanadood ah gudahood. Laakiin, iyadoo dawladdiisu aanay wax awod ah ku yeelan qaybaha Soomaaliya ee budhcad-badeeddu ay ka hawlgalaan, ballan-qaadkiisaasi waxa uu noqday mid madhan.
Arrimaha kale ee ka sii daran kuwan ee ah wax khayaal ah oo xaqiiqada ka fog, waxa weeye ragga ku jira ee deggan hudheellada magaala-madaxda Kiiniya ee Nairobi, ee sheegtay inay u yihiin ‘madaxweyneyaal’ iskood iyagu isku magacaabay qaybo kala duwan oo ka mid ah Soomaaliya. Bishii Oktoobar ee 2010, waxan aniga oo yaabban fadhiistay barxadda hudheelka Andalus ee ku yaal xaafadda Eastleigh oo Soomaalidu u badan tahay, halkaasi oo ay kolba igu dhaafayeen oo ay i ag marmarayeen wufuud ka kala soctey ‘dawladaha’ kala geddisan ee Soomaalida, iyaga oo mid walba ku taagan yahay suudh amma lebbis heer sare ah, oo raqabadda suudhadhkaasi ku soo dhejistey ‘calamada’ qaybaha amma dhulalka ay kala sheeganayaan. Qaar badan oo ka tirsan ‘golaha dawladda’ amma wasiirada dawladahaasi is-magacaabay, waxay ka yimaaddeen Soomaalida qurba- joogta ah ee deggan dalalka Yurub iyo Maraykanka. Qaarkood weligood ma tegin dhulalkan ay kala sheeganayaan inay xukumaan oo ay dawlad u yihiin.

Qaar ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka ‘runta’ ah ee Soomaalida, oo laga sugayey inay ka hawlgalaan baarlamaanka magaalada Muqdishu, waxay fadhiyaan magaalada Nairobi oo ay ku qaataan waqti aad uga badan inta ay joogaan Soomaaliya, halkan Nairobi oo ay si nabadgelyo ah ugu nool yihiin, halkii ay u badheedhi lahaayeen inay dhex joogaan xabbadda iyo hoobiyayaasha maalin walba socda ee dhacaya.

Maamullada Kale (Alternative Authority)

Intii ay jiitamayeen shirarkaasi dib-u-heshiisiintu, lana dhisayey dawladahaasi is-xigxigey ee ku-meel- gaadhka ahaa, waxa jirey maamullo kale oo soo baxayey oo ka dhismayey Soomaaliya. Sida aan ku soo qaadi doonno cutubka 4-aad ee buuggan, gobollada qaar waxay samaysteen maamulladooda goonida ah, kuwaasi oo ay ku jirto jamhuuriyadda la magac-baxday Somaliland, iyo gobolka is-maamulka ee Puntland. Qaar kale waxay samaysteen nidaamyo degaan oo ay ku socodsiiyaan sharci iyo nidaam, sida ka jirtey qaybo ka tirsan magaalada Muqdishu iyo degaannada ku hareeraysan, qaybahaasi oo maxkamado shareeco oo ku kala xidhan beelo iyo juffooyin kala geddisan ay ilaa heer ka wadeen nidaam sharci oo wax lagu kala socodsiiyo, laga soo bilaabo sannadihii 1990-meeyadii. Iyada oo aanay jirin dawlad dhexe oo shaqaysaa, waxa sii korodhay awoddii maxkamadaha. Waxayna isku yimaaddeen sannadkii 2006-dii, si ay samaystaan Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah. Laakiin waxa kala tuuray oo xukunkii ka ridey lix bilood oo qudha ka bacdi intii ay awodda hayeen, Itoobiya oo ku soo qaadday weerar uu Maraykanku ku taageerayey.

Qaar ka tirsan hoggaamiyayaashii Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah (UIC), waxay u carareen debadda, waxayna tegeen dalka Eritrea, halkaasi oo iyaga iyo rag kale oo mucaarad ahaaba ay isku urursadeen, kuna sameeyeen Isbhaysigii Dib-u-xoraynta Soomaaliya. Kuwii kale, oo ay ku jiraan miliishiyooyinkii maxkamaduhu, waxay galeen ayga amma duurka koonfurta Soomaaliya, dhulka kaymaha ah ee u dhaw xuduudda Kenya, halkaasi oo ay dib isku soo abaabuleen, kuna soo sameeyeen dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee al-Shabaab, magacaasi af-Carabiga macnihiisu yahay ‘Dhallinyarada’. Ururkani waxa uu noqday mid aad u fog amma xagjir ah, oo u taagan khatar weyn oo caalami ah. Siyaabaha qaar marka loo eego, siyaasadihii uu hoggaaminayey Marakanku ee ku waajahnaa Maxkamadihii Islaamiga ahaa (UIC) ayaa abuuray isla wixii loola jeedey in lagaga hortago oo lagu burburiyo; falalkii siyaasadhaasina waxay kaalin ka qaateen in uu sii fogaado dhaqdhaqaaqaasi.

Dabayaaqadihii sannadihii 2000, al-Shabaab iyo miliishiyooyinkii kale ee diiniga ahaa waxay awodeen inay qabsadaan oo ay xukumaan qaybo badan oo ka tirsan koonfurta iyo badhtamada Soomaaliya, iyadoo dawladdii uu caalamku aqoonsanaana ay ku kooban tahay uun degmooyin tiro yar oo ku yaal magaalo-madaxda Muqdishu. Dagaalyahanno ajanebi ah ayaa ku soo biiray ololihii dagaalka, dhaqdhaqaaqii al-Shabaabna waxay bilaabeen inay debadda geeyaan, oo u dhoofiyaan dagaalkii meelo kale. Bishii July ee 2010, laba qof oo ka tirsanaa dadka is-miidaamiya ee al-Shabaab ayaa isku qarxiyey oo ku diley ilaa afar-iyo-toddobaadtan qof magaalo-madaxda dalka Uganda ee Kampala, dadkaasi oo daawanayey ciyaarihii kama-danbaysta ahaa ee kubadda cagta ee adduunka.
Labaatan sano oo ay socdeen dedaalladii caalamiga ahaa ee la doonayey in xal loogu helo dhibaatooyinka Soomaaliya, waxay noqdeen qaar aan wax sidaas ah tarin oo aan ku guulaysan, dhinacyada qaarna waxayba noqdeen qaar dhibaatooyin waaweyni ka yimaaddaan. Dalkuna waxa uu noqday mid kolba sii gala dhibaato kale oo midiba mid kale u sii dhiibta, iyagoo dagaalladu ay noqdeen wax joogto ah nolosha dadweyne badan.

Laakiin sawirka amma muuqaalka dalka oo dhammi ma wada aha sidan. Qaybo ka tirsan dhulka Soomaalida ayaa ahaa nabad, laakiin waxa abuurmay oo soo baxay faac aan aqoon wax aan dagaal ahayn, gaar ahaanna koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya. Marka aan la sheekaysto dadka ku nool magaalada Muqdishu amma meelaha kale ee dagaalladu ay aafeeyeen sannado badan, waxa ugu horreeya ee ay ka hadlaan waa qaylada rasaasta iyo duqaynta. Laakiin marka aan la sheekaysto iyagana Soomaalidii ka timid degaannadaasi, ee socdaalka gaaban ku tegey amma ku joogey Hargeysa, amma Nairobi amma London, waxa ugu horreeya ee ay ka hadlaan waa sida ay u fiican tahay ee ay uga raysteen inay ka soo fogaadeen qayladii rasaasta, sawaariikhda amma bambooyinka, iyo hoobiyayaashii.

Qofka aan ugu yaraan maalin walba la hadlaa magaalada Muqdishu waa weriyaha BBC-da, Mohamed Ibrahim Mucallimuu. Ka bacdi marka aannu isa salaanno, waxa uu ii tiriyaa oo uu ii akhriyaa dhammaan waxyaabihii maalintaasi dhacay ee jirey. Sidii caadiga ahayd, waxa uu ii tiriyaa inta qof ee la diley, inta dhaawacantay, haddii ay ku jiraan caruur amma dumar uur leh. Waxa uu iiga warramaa cidda bilawday dagaalka, inuu ahaa daal culus iyo inta uu leekaa, inta saacadood iyo daqiiqo ee uu socdey, isaga oo mararka qaar telifoonka igu maqashiinaya qaylada rasaasta iyo gawda duqaynta. Waa qof had iyo goor deggan, aan dhac-dhac lahayn, ixtiraam badan oo macaan oo si fudud loola xidhiidhi karo. Laakiin maalin ayuu ila soo hadlay oo uu guriga iga soo wacay, isaga oo codkiisu u muuqdo inuu naxsan yahay oo uu gariirayo. Halkii uu awal isla markaaba wax iigu sheegi jirey daqiiqado kooban, waxay ku qaadatay markan waqti dheer in uu warramo. Waxa uu ka hadlay sida uu ku soo arkay kooxo dad ah oo khasab lagaga soo saaray guryahoodii, ayna ka soo saartay dawladda oo burburisay dhismayaashii guryahaasi, oo ay ku sheegtay meel ay ku soo dhuuntaan oo ay gabbood ka dhigtaan al-Shabaab. Waxa uu ii sheegay in uu soo arkay goysaskii oo la soo tubay, kuna nool meel bannaan oo cidlo ah, oo aanay ku haysan wax hoy ah. Halkaasi waxan ku soo arkay, ayuu yidhi, wiil yar. Waxa uu sidaasi ula yaabay ee uu ka argagixiyey Mucallimuu waxa uu ahaa wiilkaasi yar oo ul ka samaystay wax uu qori uu ekeysiiyey, oo uu ku ciyaarayo. Wax wiilasha yaryari ay sameeyaan adduunka oo dhan, ayaa sidaa weyn uga yaabiyey Mucallimuu, si ka badan oo ka daran waxyaabaha ka dhasha dagaallada maalin walba ka dhacay ee uu ku arko hareerihiisa.

Maalintii danbe markii aan shaqada tegey, waxan helay email iiga yimid Mucallimuu oo sawir la socdo. Waan furtay, waxanan arkay canuggan yar ee gashan shaadhka cas oo ku ciyaaraya wax uu qori u ekeysiiyey, bacaadka dhexdiisa.

3 Wiil ka mid ah dadkii barabaxay magaalada Muqdishu oo ku ciyaaraya ul uu qori oo kale ka dhiganayo.

Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee Said S Samatar, oo deggan dalka Maraykanka, waxa uu rumaysan yahay in dagaalladii sannadaha badan socdey ay maskaxdii iyo dhaqankiiba ka bedeleen dadweyhihii. Qoraal uu sameeyey sannadkii 2010, waxa uu bixinayaa sawir amma muuqaal ka dhigan sidii oo dunidii oo dhammi ay jahawareertay amma waalatay oo kale:

Waxa aan hore loo arag ee hadda ka hor aan inna soo marini waa dhibaatadani weyn ee cusub ee sida lama-filaanka ah ugu habsatey, una sii shidday dagaalladan socda ee ahliga ah ee Soomaaliya, oo noqoday qarax baahsan oo saameeyey amma taabtay dhinac kasta iyo meel kasta, oo ah dagaallo aan lahayn ujeeddo iyo ka-jeeddo midna, kuwaasi oo noqday waalli weyn oo caam yeeshay amma ay ka siman yihiin dadweynihii, si guudna u baabiiyey qiyamkii, iyo caadooyinkii iyo xeerarkii soo jirey ee la yaqaanney, ee lagu xallin jirey khilaafyada, ee xilliyada adag ee dheeraa la soo tijaabiyey. Natiijada iyo waxyaabaha ka dhashay burburka xeerarkaasi dhaqanka ee ay ku macaamili jireen beeluhuna, waxay u muuqdaan inay yihiin mujtamcii oo khalkhalay amma si weyn u argagaxay, una jahawareeray, oo raggii iyo dumarkiiba ay isku dhaceen, oo si indho-la’aan ah iniba inta kale gacanta ula tagtay, birtana la iska aslay oo la isku diley si qaab-darro ah oo aan la isku aabbo yeelin, rasaasna la mariyey wax kasta oo dhaqaaqa, si waalli iyo miyir la’aan ah oo ku xasuusinaysa dhacdooyinka ka hadlaya dhaantada amma ciyaarta waallida ah ee laga heli karo bogagga buugga uu qoray Dostoevsky oo kale

Inta aan qoraalkani samaynayey gudaheeda oo qudha, waxa dhici karta in marka la isku celceliyo tirada dadka maalin kasta lagu dilo magaalo-madaxda Muqdishu, inay gaadhayso soddon ilaa afartan qof maalin kasta, iyada oo cidina aanay garanayn cidda dishey amma sababta loo diley. Dilka ayaa ah wax kasta! Haddii maanta uu qof sitta sameecad/makarafoon uu ka soo dego samada amma cirka, oo uu weydiiyo dadweynaha reer Muqdishu:’Waar bal maxaad isku dileysaan ee aad xabadda u rideysaan?’, shaki la’aan jawaabtu waxay noqonaysaa:’Waa caadi oo noloshiibaa sidaas noqotay.’ Ma aha wax lala yaabo in dalalka Afrika, Soomaaliya ay u taagan tahay oo ay uga dhigan meelaha laga dardaar weriyo ee ay tahay in laga digtoonaado amma la iska ilaaliyo oo aan la tegi Karin.21

Dhinacyo badan marka laga eego, tusaalaha Soomaaliya waxa kale oo uu u taagnaan karayaa waxyaabaha loo baahnayahay in laga digtoonaado ee ay tahay ‘in aan la samayn’, marka laga hadlayo siyaasadaha debadda amma faragelinta banii’aaminnimo. Dulmarka kooban ee aan ku soo samaynnay taariikhda dalkaasi, waxay muujisay sida dhibaatooyinkaasi ay u dhaceen ee kolba ay iskaga soo daba nqonqonayeen ilaa iyo xilliyadii guumeysiga, iyo sida dedaalladii badnaa ee la isku deyayey in waxa laga qabto dhibaatooyinkaasi ay u gelayeen kolba isla khaladaadkii oo soo noqnoqda, oo la galo marba marka ka danbaysa, tobannaankaas sannadood oo dhan.

Waxayaabihii ay arkeen ee ay talooyinka ka dhiibteen mas’uuliyiintii hore ee Ingiriiska xilliyadii isticmaarka, waa qaar ilaa maantadani taagan oo wax- ku-ool ah, oo leh isla ahmiyaddii waqtigaasi ay lahaayeen oo kale, horraantii qarnigii labaatanaad. Dabcan wejiyadii iyo qaabakii dhibaatooyinkaasi ay lahaayeen waqtigaasi waa qaar imika isbedeley oo siyaabo kale u jira, xilliyadii kala geddisnaa ee kala danbeeyey taariikhda Soomaaliya. Laakiin waxa weli jira waxyaabo aasaasi ah oo ay ka siman yihiin amma iskaga wada mid yihiin, kuwaasi oo ay tahay in aan la iska idha-tirin amma aan la yaraysan.

Dedaalladii debadda iyo gudaha ee ku saabsanaa sidii nabad looga dhalin lahaa Soomaaliya, ee wax loogu qaban lahaa dadweynaha baahan, dedaalladaasi waxa ay noqdeen qaar iyaga laftoodii ay mar walba dhibaato ka ka soo noqoto. Ka sakow guudarrooyinkaasi fashilaadda, dhinacyadii iyo dadkii isku deyayey dadaalladaasi xal-raadiska ahaa, waxay u muuqdeen inay ku xayirmeen oo ay galeen dabin ah dhibaatooyin aan dhinacna looga bixi karayn oo soo noqnoqonaya, oo ah qabashada ‘shirar nabadeed’, iyo samaynta ‘maamullo amma dawlado ku-meel-gaadh ah’.

Dad aad u fara badan ayaa iska indhatiray xaqiiqada ah in sanadihii badnaa ee aanay jirin dawlad shaqaysaa, in haddana la helay waayo-aragnnimo xiiso leh oo lagu guulaystay, laguna kasbaday nabadda iyo deganaashaha ka jirey meelo gudaha ah, kuwaasi oo ka yimid la-qabsashada dadku ay la qabsadeen sida loo noolaado ee la isku maamulo, marka iyo meesha aan dawladi ka jirin. Tusaalooyinkanna waa qaar noqonaya casharro faa’iido leh oo la adeegsado, dhalinayana fikrado cusub, siyaabaha wax looga qaban karo dhibaatooyinka ka taagan qaybaha kale ee Soomaaliya, iyo xattaa qaybaha kale ee dunida.
Sannadihii badnaa ee deganaansho la’aanta iyo dawlad la’aantu, waxa kale oo ay keeneen inay dhashaan kooxo dagaal oo badan oo kala nooc ah, oo kuwoodii ugu danbeeyey ay yihiin asal ahaan Islaamiyiin. Cutubka soo socda ayaa eegi doona oo dersi doona sida kooxahaasi dagaalka ee Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya ay u soo ifbaxeen, una soo taddawureen. Cutubyadaasi waxay muujin doonaan in aanu ururka al-Shabaab ee ku xidhan al-Qaacida, iyo ururrada kale ee dagaalka ee Islaamiyiintu, in aanay ahayn wax mar qudha uun abuurmay, amma soo baxay oo ka dhashay meel aan loo fadhiyin oo aan la iska filayn, laakiin ay yihiin wax leh taariikh iyo asal dib loo raaci karo faacyo badan, amma tobannaan sano.
Soomaaliya 2011-kii: Waqooyi-Galbeed arrimahooda gooni ayay u wateen, oo ay u maamulanayeen jamhuuriyadda la magac-baxday Somaliland oo ah mid hirgashay, marka loo eego qaybaha kale, labaatankii sano ee la soo dhaafay. Qaybaha kale ee waqooyiga Soomaaliya, si buuxda ugamay wada goosan xidhiidhkii Soomaaliya inteeda kale, laakiin waxay samaysteen maamulladooda goonida ah oo u shaqeeya si dhinac ahaan madaxbannaan oo kale.

Qaybo ka tirsan magaalo-madaxda Muqdishu, waxa maamula dawladda ku-meel-gaadhka ah oo jiritaankeedu ku tiirsan yahay taageerada ciidamada Midowga Afrika ee ka kala socda dalalka Uganda iyo Burundi; qaybo badan oo kale oo ka mid ah badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya, waxa ka taliya miliishiyooyinka al-Shabaab oo qirta inay taabacsan yihiin amma daacad u yihiin ururka al-Qaacida, kuna soo rogey sharciyo iyo xukunno aad u qallafsan qaybahaasi ay maamulaan, sharciyadaasi oo ku khasbay dadweynaha inay wax weyn ka bedelaan qaabkii caadiga ahaa ee ay u dhaqmi jireen noloshooda. Dumarka waxa lagu soo rogey inay xidhaan dhar adag oo culus, iyo xijaab wejigooda qarinaya; ragguna inay madaxa iska xiiraan oo ay timaha iskaga jaraan quruurado la jejebey haddii timahoodu ay dheeraadaan (eeg warbixinta ururka xuquuqda banii’aadamka ee Human Rights Watch ee bishii April 2010).1 Telifoonnada moobiilka ahna waa laga jejebiyaa haddii ay ciyaaraan amma garaacaan dhawaaqyo muusiko ah, kuwa lagu eedeeyo gogol-dhaafna waa la arjumaa, iyada oo dhagax lagu dilo laguna aasso ciid, oo lagu soo kiciyo dadweynaha.

Degaannada ay xukumaan ururka al-Sahabaab ma aha qaar midaysan oo wada hoos yimaad maamul keliya oo dhexe oo Islaami ah oo adag. Magaalo iyo tuulo kasta, sida loo maamulo ee loo dhaqo ayaa kala duwan, waxayna ku xidhan tahay hadba kooxda xagjirka ah ee waqtigaasi ka talisa goobtaas. Ninkan, oo aan isagu rabin in halkan lagu xuso magaciisa, waxa uu ka hadlay xaaladda xukunka al-Shabaab ee magaalada Jowhar oo ilaa sagaashan kiiloomitir dhinaca waqooyi ka xighta Muqdishu. Waxanu yidhi:

Waxa ugu horreeya, ugu weyn ee aan rabo in aan ka Sheego xaaladda nololeed ee Jowhar waa nabad ka jirto magaalada. Ma leh budhcad amma mooryaan wax dhaca, waayo waxa gacmaha ka jaraysa al- Shabaab, amma wax taas ka xun ayaa lagu samaynayaa haddii la qabto. Runtiina cabsida laga qabo ciqaabta noocan ah, waa shaqaysay.

Xaaladda nabadgelyo ee fiicnaatay, macnaheedu waxa weeye in dadku ay si xor ah u socon karaan magaalada Jowhar; waxay aadi karaan meel kasta oo ay rabaan, xataa habeen-badhka. Taasi waa wax aan ka jirin oo aan suutogal ahayn qaybaha kale ee gobollada dhexe iyo kuwa koonfurta Soomaaliya ee aanay maamulin miliishiyooyinka al-Shabaab.

Xornnimada qudha ee aannu haysannaa waa in aannu socsocon karno. Laakiin ma jirto xorriyatul-qawl oo ma hadli karno. Dadku ma sheegi karaan waxa ay doonayaan, xaqiiqo ahaanna kama caban karaan al- Shabaab, waayo meel kasta waxa u jooga basaasiin. Haddii uu qof wax ka sheego, waxa hubaal ah in qofkaas, rag iyo dumar mid kasta, in loo soo dirayo telifoon hanjabaad ah, oo al-Shabaab ay u soo dirayso. Waxa dhacda in dagka la dilo, haddii lagu soo eedeeyo inay wax u basaasaan dawladda ku-meel-gaadhka ah, Itoobiyaanka amma Maraykanka. Magaaladan, dadka maskaxda ayaa ayaa si ahaan looga haystaa oo laga kontoroolaa.

Ma jirto wax madadaalo ah oo lagu haysto oo ka sii jirta magaalada. Waxay u muuqataa in al- Shabaab aanay rabin in aannu helno wax aanu isku maaweelinno amma ku istareexno. La nooma ogola wax muusig ah in aannu daarno, waxana naga mamnuuca in aannu daawanno filimada oo aannu tagno meelaha lagu daawado fiidiyayaasha oo ah waxyaabaha ugu waaweyn ee aannu isku maaweelin jirney. Waxa la noo ogol yahay telifishannada qaar ee Islaamiga ah in aanu ku daawan karno guryahayaga, laakiin taasi waa takroorid iyo cidlo gooni-gooni ah.

Waxyaabaha dhallinyarada reer-Jowhar ay jeclaan jireen waxa ka mid ah inay caado u lahaayeen inay aadaan qolalka amma goobaha dadweynaha u furan ee lagu soo bandhigo fiidiyayaasha iyo filimada, si ay u soo daawadaan ciyaaraha kubadda cagta. In badan, imika waabay iska dhaafeen guud ahaan xiisihii ay u hayn jireen ciyaaraha, waayo wax macno iyo xiiso ah ma leh in ciyaarahaasi kubadda cagta lagu dhex daawada guryaha dhexdooda oo qudha.

Tuulooyinka gobolkayagan, waxa dhex mari jirey tartan kubadda cagta ah. Waxay ahayd wax xamaasad iyo xiiso badan in la daawado ciyaarahaasi. Laakiin imika, ma jiraan oo waa la manuucay tartannadii, in kasta oo wiilasha loo ogol yahay inay sameeyaan ciyaaro aan rasmi ahayn oo kubbadeed. Al-Shabaab waxay dadka ku dhiirri- gelisaa inay ku tartamaan ganidda leebka amma fallaadha iyo qaansada. Waxan u malaynayaa in ujeedada tani ay ka leeyihiin ay tahay inay ku tababaraan dhallinayra sidii ay u yeelan lahaayeen shiish heer sare, una noqon lahaayeen dagaalyahanno fiican.

Weli waxa ka sii jira Jowhar dugsiyo, laakiin xaaladdoodu aad ayay u adag tahay oo dhibaato ka jirtaa. Waxa la kala saaraa wiilasha iyo gabdhaha, al-Shabaabna inta ay dugsiyada tagaan ayaa waxay ka jeediyaan wacyi diini ah iyo hanuunin. Toddobaad kasta, mar amma laba jeer ayay aadaan dugsiyada oo ay ardayda yaryar la hadlaan, ugana sheekeeyaan ahmiyadda jihaadka. Arrintani waxay khilaaf iyo isku-dhac ka dhex abuurtay dadka kala da’da ah, sababta oo ah caruurtu waxay dugsiyada ka yimaaddaan iyaga oo jibbaysan oo ku dhawaaqaya sida ay ula dhacsan yihiin ee ay u fiican tahay in la galo dagaalka jihaadka. Waxay la murmaan waalidkkooda oo ay diidaan inay dhageystaan amma maqlaan waanada waalidka ee ah dagaalku inuu yahay wax xun.

Al-Shabaab waxay ku soo rogtay Jowhar nidaam cusub. Dumarka looma ogola inay guryaha ka baxaan oo ay bannaanka aadaan haddii aanay is dedin oo aanay wejigooda qarin. Waa inay xidhaan dhar shuko amma xijaab ah oo ka weyn oo culus. Mararka qaar waxad arkaysaa indhahooda oo si dirqi ah oo dedeg ah ay wax yar kugu soo eegayaan, mararka kalena haba yaraatee waxba kama arkaysid. Mana aha suurtogal in aad kala garato in qofkaas dumarka ahi ay tahay qof yar, qof da’-dhexaad ah, amma qof weyn. Xattaa dumarkii reer miyiga ahaa waa inay xidhaan dharkan dhibta ah ee noocan ah marka ay imanayaan magaalada iyo tuulooyinka hareeraha ee ay keenyaan caano ay iibiyaan.
Sidoo kale, raggu ma badbaadin. Kooxan xagjirka ah, waxay nagu amraan in aannu la baxno gadh dheer, waxana naga mamnuuc ah in aannu xidhanno saraawiil dhaadheer. Waa in ilaa kuraanta amma kubka hoostiisu na muqataa oo aan la dedin.

Waa sahal in aad dadka ka garato oo aad soo soocdo dagaalyahannada ka tirsan al-Shabaab, Jowhar dhexdeeda. Waxay u lebbistaan sida Taliban oo kale. Waxay xidhaan lebbiska dhaadheer ee loo yaqaan Shalwaar-ka oo ka kooban qamiis dheer iyo surwaal hoos ka soo gaaban, oo isku midab ah.

Dusha waxay ka xidhaan dharka milateriga, madaxana waxay had iyo jeer ku duubtaan cimaamadaha Falastiiniyiinta oo kale. Qaarkood waxay sittaan calanka madow ee al-Shabaab.

Al-Shabaab si weyn uma joogto Jowhar, waayo taageerayaasha intooda badani waxay jiraan meelo kale oo ay ka soo dagaallamayaan oo dalka ka mid ah. Magaalada waxa ilaaliya afartan ilaa konton ka mid ah ciidamada al-Shabaab, laakiin intaasi ku filan, waayo waxay leeyihiin basaasiin fara badan oo la shaqeeya. (Qof ku nool magaalada Jowhar, March 2011).

Bilawgii (Origins)

In badan ayay ku noqotay wax lama-filaan ah waxa loo arkay ee loo muujiyey soo-ifbixitaan degdeg ah oo Islaami dagaal-ooge ah, oo ka dhashay Soomaaliya, iyo furin horle amma aag cusub oo al-Qaacida ah oo ka furmay halkaasi. In kasta oo kooxaha mitidka ah ee Islaamiyiintu ay haatan yeesheen saamayn weyn oo aan hore loo arag, gaar ahaan marka la eego baaxadda dhulka ballaadhan ee ay ka haystaan dalka, haddana nidaamka Islaamiga ah ee loo adeegsado ujeeddooyin siyaasaddu, oo ay ku jirto in lagu baaqo in la qaado dagaal jihaad ah si loo gaadho ujeeddooyinkaasi, ma aha wax ku cusub Soomaaliya. Waa arrin dib ugu noqonaysa oo loo abtirin karo in ka badan ilaa boqol sano ka hor. Waxana jira sababo macquul ah oo mucayan ah, sababaha haatan ay u soo if-baxday arrintani. Taariikhdu waa wax soo noq-noqonaysaa mar kasta iyo marba marka ka danbaysa. Kooxaha Islaamiyiintuna waa qaar marna dhasha oo soo if-baxa, marna burbura oo meesha ka baxa. Waxana isbedelayaa magacyadooda, laakiin isla noocii dadka iyo fikradihii, amma isla mabaadi’dii ayaa mar walba soo if-baxa.

In kasta oo aanay ahayn wax sinaba aan looga hortegi karayn in sanadkii 2011, in qaybo badan oo ka tirsan Soomaaliya ay qabsadaan oo ay hoos yimaaddaan miliishiyooyinka xagjirka ah ee al-Sahabaab, haddana soo-ifbixitaankii al Shabaab ma ahayn mid meel madhan oo lama-filaan ah ka yimid amma ka dhashay. Laakiin waxa isweydiin leh sababaha kooxdani ay ugu guulaysatey inay qabsato dhulalka sidaasi u ballaadhan, uguna soo rogtey dadweynaha afkaartii ay iyagu watteen, iyada oo kooxaha kale ee Islaamiyiinta ah ee ka jiri jirey halkaasi ay ku guulaysan waayeen hadda ka hor in ay taasi oo kale sameeyaan? Ma waxa weeye sababtu in Soomaaliya aanay sannado badan ka jirin dawlad dhexe? Mise waa in al-Qaacida ay noqotay wax amma urur caalami ah, mar kastana ku jirta Internet- ka, oo meelo badan oo adduunka ah oo kala geddisan ku faafinaysa kicin iyo Islaamnimo Xagjir ah oo dagaal- ooge ah, isla markaasina si degdeg ah u wada xidhiidhinaysa xubnaha qurbajoogta ee madluunka ah ee la takrooray, iyo taageerayaasha jihaadka ee gudaha amma dhulkii hooyo?
Inta aynaan dib u raacin taariikhda soo-ifbixitaanka iyo taddawurka kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya, waxa muhim ah in la xuso oo la ogaado in Soomaalida badankoodu, in kasta oo ay wada yihiin Muslim, in haddana aanay ku dhaqmin amma taageerin Islaamnimada xagjirka ee mitidka ah. Waxay leeyihiin qaababkooda iyo hababkooda u goonida ah ee ugu dhaqmaan diinta, sida ay u leeyihiin oo kale qaabab ay u maareeyaan dhinacyo badan oo ka mid ah noloshooda. Qarniyo badan ayay soo ahaayeen dad Muslim ah, waxayna guud ahaan ku soo dhaqmayeen oo ay ahaayeen Sunniyiin, qaybtaasi Islaamka oo ah qayb qunyar-socod ah oo leh dulqaad sugan, una leh dulqaadkaasi iyo ixtiraam mad-habaha iyo dariiqooyinka kale ee kala geddisan ee diiniga ah ee la kala haysto.

4 Ciidammada al-Shabaab ee jooga Muqdishu (Mohamed Moalimuu)

Soomaalidu waxay dhaqaan ahaan caado u leeyihiin inay weyneeyaan oo ay ka haybeystaan mashaayikhda iyo weliyada dariiqada Suufiyadda, waxayna kala taabacaan oo ay ku kala jiraan saddex farac amma jameeco oo dariiqadaas Suufiyadda ka wada tirsan, kalana ah Qaadiriya, Axmadiya, iyo Saalixiya. Sida uu ku doodayo caalimka Ioan Lewis (buuggiisa Saints and Somalis: Popular Islam in a Clan-based Society), Soomaalidu waxay sii xoojiyeen qaybaha Islaamka ee iyaga ku bannaan amma ku habboon dhaqankood. Waxana ka mid ah qoraalkiisa: ‘Dariiqada Suufiyadda – marka la barbar dhigo Shareecada – ayaa noqonaysa marka loo eego mabaadi’deeda asalka ah amma asaasiga ahi, tan ku bannaan ee ku habboon mujtamaca Soomaalida: Mabaadi’daasi ayaa ah kuwa sida weyn loo dabbaqay ee loo qaatay, looguna dhaqmay, iyada oo waxyaabaha xukunka Shareecadu ay farayso inta badan aan la tixgelin oo aanay ahayn qaar lagu dabbiqi karo oo lagu socodsiin karo mujtamac ka kooban qabaa’il.’2
Hasse ahaatee arrimahaasi waxay sabab hordhac ah iyo tixraac u noqdeen hab-siyaasadeedka Islaamiga ah ee dagaal-oogaha ah, amma ujeedooyinkiisa u adeegsada dagaal, ee Soomaaliya. Mid ka mid ah tusaalihii ugu horreeyey, uguna caansanaa waa dagaalkii Jihaadka ee Sayyid Mohamed Abdulle Hassan uu kaga horjeedey xoogaggii isticmaarka, horraantii qarnigii labaatanaad. In kasta oo hawlgalladiisii jihaadku ay aakhirkii fashilmeen oo aanay guulaysan, haddana gabayadii Sayyidka iyo afkaartiisii waxay noqdeen kuwa sii jira oo yidiilo ku abuura Soomaalida, sababta oo qayb ahaan ah isku-milanka amma isku-darka diinta iyo wadaniyadda oo daruuri noqday, iskuna xidhmay. Jihaadkii Sayyidku waxa uu noqday tusaale ay ku daydaan dhaqdhaqaaqyada kale ee diiniga ah ee Soomaalida ee dagaal-doonka ahi, kuwaasi oo qaarkood ay lahaayeen qorshe amma ujeeddo la mid ah kuwii Sayyidka oo ah: in dalka laga saaro faragelinta debadeed iyo in la abuuro ‘Soomaali-Weyn’.

Hogaamiyaha awodda weyn ee Islaamiga ah, Shiikh Hassan Dahir Aweys, oo kaalin weyn ka soo qaatay kooxaha diiniga ah ee dagaal-oogayaasha ah ee Soomaalida ilaa sannadihii 1990-yadii, siyaabo badan ayay warbaahinta reer-Galbeedku ugala mid dhigtay oo ay ugu ekeysiisay ‘Wadaadkii Waalnaa’ amma ‘Mad Mulla-hii’ maanta ee waqtigan, isaga oo la baxay gadh cas oo uu si weyn u xinneeyo, jeediyana khudbado siyaasad iyo diini ah oo xamaasad iyo kicin badan.

Islaamku kaalin weyn ayuu ka soo qaatay wacyiga iyo baraarugga siyaasadeed ee dadweynaha, ilaa laga soo gaadhayey sannadihii xornimada ee 1960-kii iyo intii ka danbaysayba. Caqiidadda Islaamku waxay ahayd in badan wax soo-jireen ah oo kaalin muhiim ah ku leh haybta Soomaalinnimada, siyaabo badanna lama-huraan ay u noqotay inay qayb ka qaadato abuuritaanka qarankii cusbaa ee dawliga ahaa ee Soomaalida ee madaxbannaanaaday oo casri ah. Tani waxay ahayd xilli xiiso leh oo la soo gudboonaaday Afrika, oo dadweynuhu ay kaga xoroobayaan waqtigii iyo taariikdii guumaysiga, isla markaasina ay dhaadayaan oo ay isku deyayaan inay helaan afkaar cusub oo siyaasadeed, kuwa diimeed, iyo kuwa khusaynaya dhinacyada kale ee noloshooda. Soomaalidu waxay ka dhaadatey oo ay ka qaadatay dalalka Carabta ee u dhaw aragtida iyo afkaarta cusub ee la xidhiidha hab- siyaasadeedka Islaamiga ah. Qaar badan ayaa wax ku soo bartay dalalka Carabta, kuwaasi oo ay saameeyeen, soona jiiteen kooxaha iyo ururrada ay ka midka yihiin Ikhwaanu-Muslimiinka Masar.

Inqilaabkii Siyaad Barre ee 1969-kii iyo soo- rogitaanka habkii ‘Hantiwadaagga Cilmiga ah’ ee xigey, waxay burburiyeen wax badan oo ka mid ah firfircoonidii iyo dhaqankii ahaa in si madaxbannaan loo fikro sannadihii gobannimada ka bacdi. Diinta lafteedu kama badbaadin oo kama reebbanayn cadaadiskan. Xilliga ugu xumaa ee ugu xasaasisanaana waxa uu ahaa sannadkii 1975-kii, markii qaar ka tirsan madaxda culumaa-u-diinku ay ka hadleen ee ay si weyn uga horjeesteen soo-rogitaankii xeer cusub oo ahaa xeerka qoyska oo khilaaf iyo muran badan keenay, xeerkaasi oo waxyaabah badan ee ku jira ay ka mid ahayd xuquuq dheeraad ah oo la siinayo dumarka. Dawladdu waxay cambaarayntaasi loo soo jeediyey kaga jawaabtay iyada oo dishey toban wadaad oo ka mid ah culumadii ugu af-dheeraa, isla markaasina la xidhxidhay daraasiin kale.
Dilkaasi lagula kacay culumadu, waxa uu keenay in qaar badani oo ka mid ahaa kooxihii diintu inay kala dhuuntaan oo ay si qarsoodi ah u hawlgalaan, qaar kalena ay dalka iskaga baxaan oo ay debadda u yaacaan. Markaasi ayay diintu noqotay xoog iyo qaab wax-iska-caabbineed oo lagaga horjeesto Siyaad Barre.
Waxa la-yaab leh oo lama-filaan ah in firadihii iyo mabaadi’dii ururrada diiniga ah ee debadda ka samaymay qaarkood ay si weyn oo soke ugu dhadhawaayeen oo ay u ekaayeen mabaadi’dii uu aaminsanaa ee xuddunta u ahaa noocii hantiwadaagga ee Siyaad Barre. Sida ku qoran warbixin uu soo saaray machadka dalka Noway ee NIBR (Norwegian Institute for Urban and Regional Research), waxa warbixintaasi ay tilmaamaysaa sida ururka al-Islaax ee Soomaalidu, kooxdaasi oo dalka Saudi Arabia ka soo aasaasantay sannadkii 1978, sida ‘ay si toos ah u quudhsadeen siyaasadda salka ku haysa habka beelnimada, si weynna ay u wadeen in Islaamka iyo Islaamnimadu ay ka sarreeyaan beelaha iyo beelnimada’.3

Dhicitaankii Siyaad Barre ka bacdi, iyo burburkii dawladnimadii Soomaaliya ee ku xigtey, waxa soo if-baxay oo dalkii ku faafay kooxo diini ah. Guddida la- Socodka Xiisadaha Caalmiga ah ee ICG waxay ka hadleen (eeg warbixinta ay kaga hadleen Islaamiyiinta Soomaaliya ee 2005) soo if-bixitaanka ururadaasi: ‘waxa mar qudha si lama-filaan ah oo jahawareer ah u soo baxay ururro abaabulan oo diimeed, oo mid walba iska dhigayo in uu u taagan yahay dariiqo amma mabaadi’ mucayan ah oo gaar ah. Waxa ay ka midaysan yihiin ee u dhexeeyaana uu yahay inay doonayaan in Soomaaliya lagu soo rogo xukun Islaami ah oo ‘dhab ah’ oo aan la badhxin.


Hase ahaatee inta badan kooxahii awodda lahaa ee sanadihii 1990-yadii, badankoodu waxay ahaayeen kuwa ku dhisan qabaa’il amma beel-beel. Waa waqtigii nidaamyada qabqablayaasha dagaalku ay ka jireen Soomaaliya. Waxayna noqotay in diinta iyo kooxaha diiniga ahi inay markooda sugaan, inta wax isbedelayaan. Umana suurtogelin ilaa laga soo gaadhayey qarnigii koobiyo-labaatanaad in kooxaha diiniga ahi ay awodaan inay kaalin sare ku lahaadaan khilaafaadka iyo dagaallada dalka. Waxaba laga yaaba inay sugayeen ilaa intii uu dhacayey weerarkii 9/11 iyo intii al-Qaacida ay soo baxaysey ee ay noqonaysay dhaqdhaqaaq caalami ah oo lagu daydo, iyo weliba xagga horumarka adeegyada Internet-ka, telifoonnada moobiilka, iyo qalabyada kale ee isgaadhsiinta ee casriga ah, kuwaasi oo dhiirigelin karaa, damacna gelin kara, isla markaasina xidhiidhin kara dadka jihad-doonka ah.
Ururka Al-Itixaad (Al-Itihaad)
Kooxda ugu xoogga weyneyd kooxaha diiniga ah ee ka soo baxay Soomaaliya sannadihii 1990-yadii waxay ahayd al-Itixaad al-Islaamiya. Waxay ka abuurantay dhawr urur-goboleed oo isku darsamay oo dhammaan taabacsan mad-habta Wahaabiga ee lagaga dhaqmo dalka Sucuudiga, oo aad u adag, aadna uga duwan dariiqooyinka waaweyn ee diiniga ah ee Soomaalidu ku dhaqanto. Ururkii al- Itixaad waxa uu baaba’ay markii la gaadhay badhtamihii 2000, laakiin siyaabo badan waxa uu u noqday gogoldhig horseeday dhalashada ururka al- Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah, oo uu ku jirey isna ururkii Xisbul Islaam ee la jebiyey sannadkii 2011, aanu ka adkaaday ururka al-Shabaab, kuna biiray oo lagu daray al-Shabaab.
Qaar ka tirsan xubnihii al-Itixaad waxay ka mid noqdeen hoggaamiyayaasha waaweyn ee Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah, ururka al-Shabaab iyo kooxo kale. Waxa ku jira dadkaasi Ahmed Abdi Godane, oo loo yaqaan Abu Zubeyr, oo waqtigii lagu jirey qoraalka buuggani, guud ahaan loo arkayey amma loo aqoonsanaa in uu yahay hoggaamiyaha al-Shabaab. Waxa kale oo ka mid ahaa xubin kale oo muhim ka ah ururka dhexdiisa oo ahaa Hassan Turki. Hoggaamiyihii hore ee al- Itixaad, Shiikh Hassan Dahir Aweys, ayaa isna sii ahaa xubin muhim ah oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Soomaalida, iyo weliba si ahaan hoggaamiyaha ruuxiga ah. Kaalintiisu waxay dhinacyada qaar u eg tahay oo la mid tahay tan Dr Hassan al- Turaabi ee Sudan oo ahaa maskaxdii ruuxiga ahayd ee ka danbaysay aragtida dawladda ee ‘Kacaanka Islaamiga ah ee Joogtada ah’.
Dhinacyo badan marka laga eego, al-Shabaab waxay noqonaysaa uun ururkii al-Itixaad oo halkii laga sii ambaqaaday amma laga sii wadey, marka loo eego afkaarta iyo aragtida ay taabacsan yihiin ee ay wattaan: labada kooxoodba waxay aaminsan yihiin in aanay diintu ka reebanayn siyaasadda oo aan la kala sooci Karin, waxa kale oo ay ka siman yihiin quudhsiga iyo dhaleecaynta dariiqada Suufiyadda ee Soomaaliya oo ay u arkaan mid aan ku bannaanayn Islaamka. Sida weyn ee al-Shabaab ay uga soo horjeeddo dhaqanka Suufiyadda, waxa muujinaya ilaa heerka ay socdeen ee ay ku buriyeen weyneyntii iyo heybaddii culimada waaweyn ee suufiyadda, kuna burburiyeen dhawr ka tirsan qabuurihi culimadaasi, iyo maqaamyadii musheekhda waaweyn.
Al-Itixaad waxay bilawgii ka samaysay meel u dhaw magaalada Boosaaso ee waqooyi-bari ‘imaarad’ Islaami ah, oo ay ka dhigteen saldhig ay ku tababaraan ilaa kun qof oo dagaallama. Laakiin waa laga saaray gobolkaasi, sannaddii 1992-kiina waxay saldhig ka samaysteen magaalada Luuq oo ku taal gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, una dhaw xuduudda Itoobiya. Kooxo ka tirsan miliishada al-Itixaad ayaa ka gudbi jirey xadka, una tallaabi jirey dhinaca bari ee Itoobiya, halkaasi oo ay ku biiri jireen jabhadda ONLF (Ogaden National Liberation Front), jabhaddaasi oo sannado badan u dagaallamaysey xuquuqda Soomaalida Itoobiya.
Guddida Baadhitaanka Dhibaatooyinka Caalamiga ah ee ICG waxay faahfaahin ka bixinaysaa sida ururka al- Itixaad uu u helayn fursad amma foogge bannaanaaday oo uu buuxiyo, sida kooxihii kale ee diiniga ahaaba ay u heleen fursado kuwaa la mid ah ka dib markii dawladdii dhexe ay burburtay ee meesha ka baxday: ‘Dhawrkii sano ee xigey burburkaasi, kooxdani waxay noqotay tan ugu weyn ee milateri iyo xoog siyaasadeedba, ee ka jirta gobolka Gedo, sababta oo ah inta badan nidaamkii iyo dhisibiliinkii adkaa ee ay lahaayeen, marka loo eego xaaladihii jahawareerka iyo sharci-la’aanta ee taagnaa.’5
Ururku waxa kale oo uu al-Shabaab kala mid ahaa nooca qawaaniinta ay soo rogeen. Khabiir ku xeel- dheer arrimaha Soomaaliya oo magaciisa la yidhaa Ken Menkhaus (wuxu qoray buugga Soomaaliya: State Collapse and the Threat of Terrorism), waxa uu sifaynayaa sida ‘Imaaraddii’ ay ka sameeyeen Luuq ‘ay uga mamnuuceen cunista Qaadka oo ah caleen lagu mirqaamo oo Soomaalida caado u ah, iyo weliba beeritaanka buuriga amma tubaakada. Waxa kale oo lagu soo rogey dumarku inay is-dedaan oo ay xidhaan shuko amma xijaab.’6
Sidii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah oo kale, jabkii iyo dhicitaankii al-Itixaad waxa uu yimid ka dib markii ay u jeesteen ee faraha la galeen qaybaha Soomaalidu ay degto ee dalka Itoobiya. Badhtamihii 1990-yadii, waxay bilaabeen kicin iyo abaaul ku saabsan xoraynta gobolkaasi, waxayn ka fuliyeen magaalada Diridhaba ee Bariga Itoobiya iyo weliba magaalo-madaxda Addis Ababa, weerarro bambaane amma garnayl oo dhawr qof ay ku dhinteen. Iyadoo weerarradani ka jawaabaysa, Itoobiya waxay qaadday duqayn xagga cirka ah oo ay ku qaadday Luuq, kuna burburisay awodii al-Itixaad.
Al-Itixaad waxa kale oo ay isku soo jeedisay Maraykanka. Dhawr maalmood ka bacdi markii la
weeraray dhismayaashii Twin Towers bishii September ee 2001, George Bush waxa uu soo saaray amar fulineed oo lagu xayirayo hantida ilaa toddoba-iyo-labaatan urur amma sharikadood iyo shaksiyaad gaar ah, kuwaasi oo uu sheegay inay ku xidhan yihiin argagixisada. Al- Itixaad waxay liiskaasi kaga jirtey lambarka tobnaad.
Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah (Union of Islamic Courts)
Sannadihii badnaa ee dagaallada qabaa’ilka iyo qabqablayaasha dagaalku ay ka socdeen Soomaaliya, waxa haddana jirey qaabab kale oo ku saabsana dhawrista nidaamka iyo socodsiinta sharciyada oo ka shaqaynayey Soomaaliya. Jiritaanka xeerar dhaqan oo soo-jireen ahaa, gaar ahaanna ay leeyihiin dadweynaha reer-guraaga amma reer-miyiga ah, ayaa ka dhignaa nidaam dadweynuhu ay yaqaannaan oo si weyn ugu habboon inay ku dhaqmaan kagana badbaadaan saamaynta burburkii dawladnimada.
Waxa kale oo jirey nidaamyo abuurmayey si ay u buuxiyaan fursadihii iyo fooggayaashii bannaanaaday. Qaybo ka mid ah dalkaasi, waxa ka abuurmay maxkamado shareeco oo noqday kuwa ugu muhiimsan ee sameeya nidaam iyo caddaalad. Bilawgii, awoddoodu waxay ku koobnayd meelo xaddidan amma qaybo yaryar; tusaale ahaanna magaalo-madaxda Muqdishu, awodda maxkamad kastaa waxay ku ekayd dhawr sakadood oo qudha oo magaalada ka tirsan. Maxkamadahaasi qaar ka tirsani waxay soo baxeen wax yar ka bacdi dhicitaankii Siyaad Barre, waxana ka mid ahaa maxkamadihii ka dhismay degaannada waqooyi ee Muqdishu ee uu xukumayey hoggaamiye-beeleedkii Ali Mahdi Mohamed. Laga soo bilaabo horraantii sannadihii 1990-yadii, waxay ka hirgeliyeen degaannadaasi qaabab sharci oo ay wax ku socodsiiyaan, oo ay ka mid yihiin sharciyada ciqaabta ee shareecada iyo addimada qofka, amma gacmaha iyo lugaha, oo dadka laga jaro.
Bilawgii, maxkamaduhu umay taagneyn wax ka badan qaybo yaryar oo aan lahayn xidhiidh sidaa u weyn, oo mid walba dhinaceeda u madax bannaan tahay, goonideedana u jirto, mid walbana ay ku kooban tahay oo xukunkeedu uu gaadhsiisan yahay oo qudha qaybta amma xaafadda ay ka dhex jirto. Laakiin sannadba sannadka ka danbeeya, markii la waayey wax dhaama oo iyaga bedela oo soo baxa, maxkamadihii waxa noqdeen qaar awoddoodu sii korodhay, mar walbana soo-dhaweyn ka helay dadweynaha oo awalba khaati ka taagnaa oo ka daaley boobka tuugada budhcadda ah iyo qabqablayaashii dagaalka.
Maxkamaduhu waxay sii xoogeysteen oo ay bilaabeen inay noqdaan awod wax bedeli karta markii ay ku midoobeen ka-hortagga cadow ay wadajir u yeesheen oo ahaa Isbahaysigii Dib-u-soo-celinta Nabadda iyo la- Dagaallanka Argagixisada ee Maraykanku taageerayey, isbahaysigaasi oo ay samaysteen koox ka kooban qabqablayaashii dagaalka, sannadkii 2006. Intii ka danbaysay dhacdadii 9/11 ee saamaynta ku yeelatay adduunka, ‘Isbahaysigaasi’ waxa u suurtogashay inay si fudud oo sahal ah uga dhaadhiciyaan oo ay u tusaan Maraykanka iyo xulafadiisa, in maxkamadihii shareecadu ay yihiin khatar weyn oo ‘argagixiso’, una noqon karaan abbaan amma hoy ay ka abuurmaan Islaamiyiin xagjir ahi. Waxa suurtogal ah, in haddii aanay samaysmi lahayn kooxdaasi ‘la-dagaallanka argagixisada’, isla markaasina aanu Maraykanku u fidin kalsooni iyo sumcad sidaas u weyn, in maxkamaduhu aanay weligood midoobeen, waxayna iska sii ahaan lahaayeen badanaa kooxo yaryar oo gooni- gooni ah oo aan wax xidhiidh ah lahayn, oo mid walba goonideeda ugu adeegta qayb gaar ah oo ka mid ah dadweynaha Soomaalida. Marka ay midoobeen waxay ahayd oo keliya markii ay iska horyimaaddeen cadow guud oo ay wada yeesheen oo noqday isbahaysigii qabqablayaasha dagaalka, markaasi ayayna joojiyeen oo ay ka gudbeen inay sii ahaadaan maxkamado xidhiidhkoodu dabacsan yahay oo keli-keli ah, una gudbeen inay yeeshaan midow xooggan oo ururnnimo, lehna hab iyo qaab-dhismeed awodeed amma maamul oo cad.
Iyada oo la-yaab iyo lama-filaan weyn ku noqotay adduunka debadda, Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah ee (UIC), waxay milateri ahaan jebiyeen oo ay ka adkaadeen isbahaysigii qabqablayaasha dagaalka ee magaalada Muqdishu, nuskii danbe ee sannadkii 2006- diina, waxay awodeen inay qabsadaan qaybo badan oo ka tirsan koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya. Khabiirka isna ku xeel-dheer arrimaha Soomaaliya, Ronald Marchal (buuggiisii Soomaaliya: a new front against terrorism, ee 2007), waxa uu ku doodayaa in ‘guushii maxkamadaha ee magaalada Muqdishu macnaheedu uu noqday dhammaadkii nidaamka kooxaha iyo kooxaysiga ee u jirey qaabab ah inay abaabulaan amma ka shaqeeyaan nidaam-siyaasadeedka nololosha Soomaalida, kaalintaasi oo ay ku jireen laga soo bilaabo sannadkii 1991-kii … Guushani maxkamaduhu waxa kale oo ay muujinaysay soo-ifbaxa faac amma nooc cusub oo siyaasiyiin ah.’ Roland Marchal waxa kale oo uu ifinayaa waxa uu ku tilmaamay xidhiidh ‘si weyn oo qeyra-caadi ah u murugsan oo noocyo badan’ oo ka dhexeeya maxkamadihii shareecada iyo beelaha: ‘dhinac
ahaan, maxkamadaha laftoodu waxay yihiin hey’ado beeleed amma qabaa’il … Maxkamaduhu waxay siyaabo badan oo kala duwan ugu xidhan yihiin beelaha.
Mararka qaar, awodda ay ku leeyihiin beeshu waa mid xaddidan oo kooban, mararka qaarna xidhiidhkoodu waa mid qota-dheer oo soo jireen ah.’7
Muddadii koobnayd ee lixda bilood ahayd ee Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahi ay hayeen awodda xukunka, xaaladda nololeed ee Soomaali badan oo ku hoos jirtey xukunkooda, waxay u ahayd mid ka badaabdo iyo nabadgelyo badan xaaladihii ay ku soo jireen lix-iyo- tobankii sano ee la soo dhaafay. Iyaga oo ka duwanaaday nidaamyadii qabqablayaasha dagaalka, nabad-ilaaliyayaasha ajanebiga ah iyo dawladihii is xig-xigey ee ku-meel-gaadhka, Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahi waxay awodeen inay wax ka qabtaan ammaanka oo ay yareeyaan khatartii nolosha dadweynuhu ay mar walba ku sugnayd. Si ka bad-badis ah oo sare ayaa loo xiisaysiiyey oo loo ammaanay xilligii maamulka Maxkamadaha Islaamiga ah, laakiin haddana shaki kuma jiro in dadweynuhu ay markii ugu horreysey sannado badan ka dbacdi ay awodeen inay si xor ah u mari karaan amma u socon karaan jidadka iyo suuqyada magagaalada, iyaga oo aan wax cabsi ah qabin.
Warqad ay wadajir u qoreen Cederic Barnes iyo Harun Hassan sannadkii 2007 oo ay cunwaan uga dhigeen ‘The Rise and Fall of Mogadishu’s Islamic Courts’, waxay kaga hadleen horumarka xiisaha leh ee cajiibka ee ay magaaladu samaysay:
Maxkamaduhu waxay ku guulaysteen wax aan la malayn karayn, iyaga oo mideeyey Muqdishu markii ugu horraysey lix-iyo-toban sano, dibna u soo celiyey oo u soo nooleeyey nabaddii iyo badbaadadii. Maxkamaduhu waxay qaadeen oo ay fuliyeen tallaabooyin muhiim ah oo tusaale aad u fiican ah oo saamaynaya daryeelka dadweynaha.
Waxa la qaaday isbaarooyinkii jidadka iyo xattaa qashinkii is dul-buuxiyey ee tuulna meel kasta magaalada ee kharribey, isna gaadhay muddo toban sano ah amma ka badan. Waxa dib loo furay dekeddii weyneyd iyo garoonkii diyaaradaha ee magaalada Muqdishu, dibna loo hagaajiyey markii ugu horraysay toban sano. Dadkii sida sharcidarrada ah ku degey guryihii iyo dhismayaashii dawladda ayaa laga raray, waxana la joojiyey boobkii dhulka ee sharcidarrada ahaa. Waxana la saaray maxkamado gaar ah oo wax ka qabta dacwadaha faraha badan ee ku saabsan hantida guryaha iyo dhulka la isku haysto oo tiro-dhaafay.8
Nabaddaasi waxy ugu kacday dadweynaha qiime sare, iyada oo ay ula timid waxyaaba badan inay maraan oo ay xammilaan. Waxa la soo rogey ciqaabo aad u qallafsan oo ku salaysan shareecada, waxana la mamnuucay cunista Qaadka. Dumarka ayaa waajib lagaga dhigay inay is-dedaan oo ay jidhkooda wada qariyaan, waxana loo diidey dadaweynuhu inay ku daawadaan filimmada goobaha furan ee dadku ay isku yimaaddaan, Laakiin sida ay sheegeen dadweynihii ku noolaa meelihii ay maamulayeen maxkamaduhu, haddana waxa wax laga qabtay oo si weyn u yaraaday dhibaatooyinkii dagaallada iyo dhacii iyo boobkii budhcadda, kuwaasi oo soo dishoodey, wax weynna u soo dhimay noloshoodii muddo shan-iyo-toban sano ah. Sida laga soo xigtey qoraallo ay samaysay Anna Lindley sanadkii 2007, waxyaabihii dadweynuhu ay tilmaameen waxa ka mid ahaa:
Markii maxkamaduhu ay dalka yimaaddeen, mudnaanta koowaad waxay siiyeen nabadgelyada iyo badbaadada shacabka. Waxay hubiyeen in qof kasta oo mooryaan amma budhcad ah, in laga qaado qoriga oo uu soo dhiibo. Waxa la xidhay dhammaan goobihii lagu daawan jirey fiidiyayaasha. Dadkii Qaadka iibin jirey, qof walba waxa uu joojiyey iibinta geedkaasi sunta ah ee laga gadayo dadweynaha. Wax walba waxay noqdeen caadi oo xaaladihii way degeen. Waxyaabahanna waxay runtii ahaayeen waxa dadweynuhu ay rabaan, ka dib markii muddo lix-iyo toban sano ah ay ku soo jireen, kuna soo dhex noolaayeen, dagaallo. Waxay nooga dhignayd in Ilaahay uu aqbalay dhammaan ducadayadii.9
Meelaha ay xukumayeen Maxkamaduhu, waxay ugu guulaysteen wax-ka-qabashada nabadda iyo dhibaatooyinka kale si ka weyn oo ka badan meel kasta oo kale intii ka danbaysey xukunkii Siyaad Barre. Sababta oo ah maxkamadaha oo asalkoodii hoos ka soo abuurmay, dadweynaha dhexdiisa, si ay u fuliyaan hawlaha ugu muhiimsan ee adeegga dadweynaha ee ay qaban lahayd dawladi, mujtamac aan haatan lahayn dawlad qaran, waxa marba marka ka danbaysa maxkamadihii loo arkay kuwa sharci ah oo dadweynaha ay u adeegayaan aqbalsan yihiin amma ogol yihiin.
Waxyaabah ugu muhiimsan ee ay soo kordhiyeen Maxkamadihii Islaamiga ahaa waxa ka mid ahaa sida ay u hubiyeen dhaqangalka sharciyada aasaasiga ah iyo nidaamka guud, oo ay ku jiraan hirgelinta heshiisyada iyo qandaraasyada, kuwaasi oo keenay in uu socdo ganacsigii iyo macaamilkii madaniga ahaa. Hawlaha iyo waajibaadka Islaamka waxa ka mid ah inay jiraan sharciyo iyo xeerar diyaar ah oo lagu dhaqmo oo ka dejisan amma ka yaalla dhinacyo badan oo ka mid ah nolosha ijtimaaciga ah, dhaqaalaha iyo siyaasadda, sharciyadaasi oo ogolaanaya, amma suurtogelinaya, in uu jiro qaab maamul iyo nidaam dadweyne oo lagu dhaqmo marka aanay jirin dawlad dhexe oo qaran.
Qaar ka mid ah siyaasadihii Maxkamadaha Islaamiga ah waxay la kulmeen oo ka horyimid dhalliilo, sababta oo ah saamaynta siyaasadahaasi ay ku yeesheen dhaqaalihii dadweynha. Marba marka ka danbaysa ee Maxkamaduhu ay sii noqdaan amma u shaqeeyaan sidii qaab sugan oo ‘dawladeed’ oo kale, waxa hoos u sii dhacaysey sumcaddooda iyo taageerada dadweyne. Waxana ugu wacna, tusaale ahaan, waxyaabaha ay ka midka yihiin mamnuuciddii ka-ganacsiga Qaadka oo saamayn xun yeeshay. Saamayntaasi kuma yeelan oo qudha
Soomaalidii badnayd ee ka ganacsan jirtey ee kala soo bixi jirtey wax ay ku noolaadaan, ee waxa kale oo uu ku yeeshay oo uu taabtay dadkii beeri jirey ee dhoofin jirey ee dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Maxkamaduhu waxa kale oo ay mamnuuceen dhoofinta dhuxusha, taasi oo ay sheegeen inay xaalufinayso dhirtii, una xun tahay fayo-qabka degaanka. Taasina waxay meel xun dhigtay oo ay uga sii dartay nolohii dadkii ku tiirsanaa ka-shaqaysiga iyo iibinta dhuxusha, iyo dadkii isticmaalayey ee wax ku karsanayey intaba.
Markii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahi ay soo rogeen cashuuro badan oo dheeraad ah bishii Oktoobar ee 2006, taasi waxay ku kicisay oo ay ku keentay maxkamadihii cadho iyo xiisado dadweyne. Waayo, dadweynuhu waxay u barteen meel aan nidaam ka jirin oo ay marmar wax u tuuraan amma u dhiibaan qabqablayaasha dagaalka iyo miliishiyooyinka oo ay laaluushaan. Laakiin umay baran beryahaas wax maamul dhexe ah oo cashuur ku soo roga dakhligooda.
Marba marka ka danbaysa ee ay sii xoogeysato awodda Maxkamaduhu, waxa qabsanayey oo la wareegayey niman leh damac siyaasadeed, oo uu ugu weyn yahay Sheikh Hassan Dahir Aweys, oo ahaa hoggaamiyihii hore e al- Itixaad, isla markaasina ah nin si firfircoon ugu heellan oo ka shaqeeya horumarinta danaha beesha Cayr. Isaga oo kaashanay ninka kale ee ay isku beesha Cayr yihiin, Adan Hashi Cayro, oo ahaa horjooge tababarro milateri lagu soo siiyey dalka Afghanistan oo miliishiyooyinkii Maxkamadaha u bedeley ciidanka adag ee al-Shabaab oo dhisibiliin sare leh, Sheikh Hassan Dahir Aweys waxa uu meeshii ka saaray xubnihii qunyar-socodka ahaa ee Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah, waxanu fogeeyey xubno badan oo kale oo aan iyagu ka tirsanayn beesha Cayr. Adan Hashi Ayro, sida Hassan Dahir Aweys oo kale, wuxu sannado badan ku soo jirey ururradii Islaamiga ahaa ee dagaal-oogayaasha ahaa, isaga oo ka soo dagaallamay gobollada waqooyi- bari ee Soomaaliya iyo gobolka Soomaalida ee Itoobiya sannadihii 1990-yadii. Ugu yaraan laba jeer ayuu tababar milateri ku soo qaatay Afghanistan. Sida laga soo xigtey Machadka Jamestown Foundation ee Maraykankana, waxa uu la kulmay Osama bin Laden markii uu halkaasi joogey. Adan Hashi Cayro waxa uu ku dhintay oo lagu diley weerar gantaal, nooca Tomahawk ee Maraykanka, gudaha Soomaaliya bishii May ee 2008. Isla markiibana, dilkaasi waxa uu ka dhigay Cayro geysi weyn oo shahiidey, waxanu ku kiciyey dagaalyahannadii al-Shabaab inay sii xoojiyaan hawlgalladoodii. Cajalad fiidiyow ah oo la sii daayey amma la faafiyey dhimashadiisii ka bacdi, Ayro waxa uu kaga hadlayey mudanka sharafta qiimaha sare iyo khayrka weyn ee ku jira in loo dhinto qaddiyadda: ‘inteenna badan al-Shabaab in niyaddeenna iyo nafteennuba ay la jirto oo ay raacayso mujaahid kasta oo shahiida oo innaga tirsan … Waa sharaf weyn in aan noqoto shahiid. Guulo waaweyn ayaa ku kasban karnaa oo aan ku gaadhi karnaa in aan shahiidno, afkana ciidda ugu gurno gaaalada iyo munaafiqiinta la jirta.’
Hassan Dahir Aweys waxa uu aad ugu foojignaa oo uu ku dedaalayey in uu siyaasaddiisa iyo waxa uu rumaysan yahay ee uu watto, in uu ku faafiyo xataa dhulalka ka baxsan xuduudaha Soomaaliya, gaar ahaanna Itoobiya. Badhtamihii bishii December ee 2006, Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahi waxay ku dhawaaqeen dagaal Jihaad ah oo lagu qaado Itoobiya, taasi oo ka dhignayd inay saxeexeen xukunkii dilka ahaa ee iyaga lagu fulin lahaa amma lagu qaadayey.
Dhawaqaasi Jihaadku waxa uu siiyey Ra’iisal- wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, sababihii iyo marmarsiiyihii uu u baahna si uu dagaal ugu qaado Maxkamadaha. Waxana arrintaasi ku garab taagnaa oo caawiyey dawladda Maraykanka, oo iyadu rabtey in laga takhaluso oo laga tirtiro, lagana saaro Soomaaliya Maxkamadaha Islaamiga. Qabanqaabadan dagaal ee Itoobiya waxay ahayd mid u cuntanta oo faa’iido u leh Maraykanka, waayo Itoobiya waxay ka dagaallami kartaa oo ay geli kartaa halkii Maraykanka, iyada oo aan loo baahan in mar kale lagu celiyo amma ay soo noqoto dhibaatadii weyneyd ee ka timid faragelintii Maraykanka ee horraantii sannadihii 1990-yadii.
Maalin ku beegnayd maalinta Ciidda Masiixiga ah ee sannadkii 2006, diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya waxay garaaceen garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada Muqdishu. Maxkamadihii Islaamiga ahaa ma lahayn wax rajo ah iyo awod ay ugu babac dhigi karaan amma iskaga celin karaa xoogga milateri ee cududda weyn ee Itoobiya, gaar ahaanna awoddooda xagga cirka iyo gacanta xagga sahanka ee ay ka helayeen Maraykanka. Muddo toddobaad qudha ah ka bacdi, maalintii sannadka cusub ee 2007, Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahi waxay ka baxeen magaaladii ugu danbaysey ee ay haysteen oo ah magaalada dekedda leh ee koonfurta ee Kismayo. Hoggaamiyayaashi Maxkamaduhu intoodii badnayd waxay u carareen dalka Eritrea, miliishiyooyinkii dagaallamayeyna waxay galeen oo ay ku dhiinteen dhulka kaymaha ah ee ku dhaw xadka Kenya, kaymahaasi oo ay adag tahay in la galaa. In kasta oo Itoobiya ay ahayd ‘wejiga muuqada amma food-saaraha’ la adeegsanayo weerarradaasi maalintii Ciidda Masiixiga ah, Haddana Maraykanku si toos ah ayuu ugu jirey oo uu ugu lug lahaa dhacdooyinkaasi. 9-kii bishii January, diyaarad weyn oo ah nooca dagaalka ee AC-130 ee Maraykanka ayaa bambooyin la dhacday oo ku riddey dagaannada cidhifka koonfur-bari ee Soomaaliya. Bartilmaameedka la sheegayna waxa uu ahaa in la khaarajiyo oo la tirtiro xubno amma kooxo al-Qaacida ah oo halkaasi ku sugnayd, iyo weliba in laga hortago waxa loo arkay khatar xagjirnimo ah oo ka soo fool leh Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah. Maraykanku waxa uu aaminsanaa in qaska iyo xaaladaha nidaamdarrada ah ee Soomaaliya, inay sahlayaan in al-Qaacid ay ka dhigan karto meel ay ku gabbadaan oo hoy u noqota. Bartilmaameed weyn oo muhim ah waxa ahaa Fazul Abdalla Mohamed, oo ahaa nin u dhashay dalka Comoro, haystayna baasaaboor Kiiniyaan ah, ninkaasi oo maraykanku ku daba jirey kuna eedeynayey in uu ka danbeeyey qaraxyadii sannaddii 1998-kii lagula kacay safaaradihiisii Nairobi iyo magaalada Daresalam, iyo weerarradii kale ee bishii June ee 2002 lagu qaaday huteel ku yaal magaalada Mombasa, iyo diyaarad laga lahaa dalka Israel.
Fazul Abdullah Mohamed, waxa aakhirkii lagu diley magaalada Muqdishu bishii June ee 2011, taxshiirado ay ku lug lahaayeen oo ay isweydaarsadeen ciidammo dawladda ka tirsani; waraaqo laga helay meydkiisiina waxay muujiyeen in uu qorshaynayey weerarro is- dabajoog ah oo lagu qaado meelo ka tirsan dalka Ingiriiska, oo uu ku jiro machadka amma kulliyadda caanka ah ee aad loo qaddariyo ee Eton College.
Wax yar ka bacdi gelitaankii Itoobiya, wasiirkii gaashaandhigga ee Soomaaliya, Kornayl Barre Adan Shire, waxa uu ku dhawaaqay in si buuxda looga adkaaday oo gebi ahaanba la jebiyey kooxihii Islaamiyiinta.
Iyadoo la xidhay xuduuddi Kenya, maraakiibta dagaalka ee Maraykankuna ay ilaalinayeen xeebaha, isla markaasina ciidamada Itoobiyaanka oo aad u hubaysan iyo kuwii dawladda ku-meel-gaadhka ahina ay ka soo durkayaan dhinac waqooyi, wasiirku waxa uu sheegay in kooxahaasi Islaamiyiinta ah aanay wax kale u furnayn oo aan ahayn ‘in amma ay badda ku qaraqmaan oo ay ku halligmaan, amma mitidaan oo ay dagaalka ku wada dhintaan.’ Markii weerarrada cirka ee Maraykanku ay bilaabmeen, ma ahayn waxa ku dhintay Islaamiyiintii oo qudha, waxa kale oo ku dhintay daraasiin ka mid ah reer-miyigii iyo xoolahoodii. Tani waxay keentay xamaasad iyo dareen nacayb oo loo qaado Maraykanka, sida qof Soomaali ahi uu u dhigay ee uu u yidhi, ‘Maraykanku waxay garaacayaan dad meydad ah oo hore u dhintay’.
Hoggaamiyayashii Maxkamaduhu waxay ku tilmaameen ka- bixitaankoodii magaalada Muqdisho ‘Xeel Dib-u- gurasho’, waxayna sheegeen inay isticmaali doonaan xeeladaha jabhadaynta ee ku-dhifo-oo-ka-dhaqaaq ee ‘nooca dagaalka Ciraaq’ oo kale. Istaraatijiyadan amma qorshaha noocan ah waxa kale oo dhiirrigelinayey Islaamiyiinta xagjirka ah ee meelaha kale ee adduunka, oo qaarkood ay u aqoonsadeen kana dhigteen miliishiyooyinkii maxkamadaha, jaallayaashoodii Jihaadka. Cajalad fiidiyow ah oo markaas laga soo duubay ninkii labaad ee hoggaanka al-Qaacida, Ayman al-Zawahiri, waxa uu ugu baaqay in dhammaan Muslimiintu inay u gurmadaan Soomaalida oo ay ku biiraan qaadista dagaallo ah ‘jid-goyn gaadmo, miinooyin dhulka lagu aaso, iyo weerarro is-miidaamin ah’ oo algu qaado ‘Saliibiyiinta weerarka ah ee ciidamada Itoobiya’, ‘loona raamsado sida libaaxu u cuno wixii u gacan gala ee u ugaadhsado’.
Dhawaaqii tala-xumda ahaa ee aanay u midaan deyin Midowgii Maxkamadihii Islaamiga ee ahaa in Jihaad lagu qaado Itoobiya, waxa uu horseeday dhawaaqaasi jabkii milateri ee ku dhacay iyaga. Laakiin dhinaca kale waxay ku guuleysteen dagaalkii lagu kasbanayey maanka iyo qalbiga dadweynaha ee loogu jirey helidda taageeradooda. Somaalida badankeeda, joogitaanka ciidamada Itoobiya ee ciiddooda, iyo diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ee soo gelaya hawadoodu, waxay ahayd wax aan loo dulqaadan karayn. 6-dii bishii January, maalmo yar uun ka bacdi markii Maxkamadihii UIC laga saaray magaalada Muqdishu, dadaweynihii magaalo-madaxda degganaa waxay oogeen oo ay dhigeen muddaharaadyo aad u waaweyn oo qas keenay oo laga horjeedo Itoobiyaanka. Saddex qof oo ka mid ahaa dadkii muddaharaadayey ayaa la toogtey oo dhintay. Markii la gaadhasy toddobadii bisha January-na, muddaaharaayadii waxay ku faafeen oo ay gaadheen magaalada Beledweyn oo ku dhaw xadka Itoobiya. Nbadgelyo-darradii ayaa ku sii korodhay magaalada isla markii Maxkamaduhu ay ka baxeen Muqdishu. Waxa ugu horreeya ee la soo gudboonaaday dadweynihiina waxa uu noqday inay is-ilaaliyaan lafahooda. Waxay iska dhegatireen baaqii dawladda federaalka ah ee ku- meel-gaadhka ah ee timid magaalada, ee ahaa in hub- ka-dhigis la sameeyo, waxana hawada ka buuxsamey taxshiirado ah qoryo cusub oo dadku suuqyada ay ka soo gateen oo la tijaabinayo. Sida uu u dhigay qof ka mid ah dadka ku nool Muqdishu, waxa uu ku tilmaamay oo uu yidh, ‘Waxannu dib ugu soo noqonnay halkii hore ee aannu taagnayn, halkii aannu maraynney 1991-kii’, isaga oo xusaya xilliyadii qaska iyo dagaallada ee ka danbeeyey dhicitaankii madaxweyne Mohamed Siyaad Barre.
Qabsashadii Itoobiya ay qabsatay Soomaaliya iyo duqayntii xagga cirka ee Maraykanku, kuma guulaysan in la khaarajiyo oo laga tirtiro Soomaaliya dhaqdhaqaayada Islaamiga ah. Taasi cagsikeedii ayaa timid oo waxa abuurmay wax dhinaca kale ah. Maxkamadihii waxay soo noqdeen iyaga oo leh qaab kale oo ka sii khatarsan sidii hore, oo ah ururka al- Shabaab, kaasi oo qabsaday dhul ballaadhan oo ka tirsan gobollada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya, oo ay ku jirto magaalada Muqdishu inteeda badan. Meelo badan, miliishiyooyinkii beelaha, waxa bedelay oo halkoodii galay ciidamada kooxaha diiniga ah oo ay ku jiraan kuwa al-Shabaab, Xisbul Islaam, iyo kuwa dariiqada Suufiyadda ee Ahlu Sunna Wa Jamaaca, oo iyagu taageersan oo la saffan dawladda ku-meel- gaadhka ah, dagaalka lagula jiro kooxaha Islaamiyiinta xagjirka ah.
Al-Shabaab waxay ka kortay inay sii ahaato miliishiyo yar oo koban oo ka tirsan kooxdii Maxkamadaha Shareecada, waxayna noqdeen oo ay isku bedeleen dhaqdhaqaaqa ugu xoogga iyo awodda badan ee Islaamiyiinta Soomaaliya. Sida aan ku soo fahfaahinnay bogaggii hore ee cutubkan, waxay isku baahiyeen oo ay ku soo rogeen xukunkodii iyo aragtidoodii qaybo badan oo dalka ka tirsan. Waxa laga bartay caalamka; waxana lagu daray liiska Maraykanka ee ururrada debadda ee argagixisada ah, sannadkii 2008, Boqortooyada Ingiriiskuna waxay mamnuucday ururkaasi sannadkii 2010. Al-Shabaab waxay ku biireen kooxaha ku xidhan al-Qaacida, iyaga oo bishii February ee 2010-kii markii ugu horraysey ku dhawaaqay in ‘dagaalka Jihaadka ee Geeska Afrika ay waajib tahay in lagu xidhiidhiyo oo lala mideeyo Jihaadka caalamiga ah ee ay hoggaaminayso shabakadda al-Qaacida.’10
Al-shabaab oo ah dhaqdhaqaaq sirtiisu aad u adag tahay oo si weyn u dhawrta arrimihiisa hoose, waxa adag in hubaal ahaan loo ogaado waxa run ahaantii ay u dagaallamayaan, iyo cidda dhab ahaan ay kala yihiin hoggaamiyayashoodu. Mabaadi’dooda idiyoolojiyadeed iyo hoggaankooduba, labaduba waxay u muuqdaan qaar caadi ahaan si joogto ah isku bedela, mana ahaa in ururkaasi loo arko mid gebi ahaan midaysan oo is wada leh amma meel ka soo wada jeeda. Warbixin uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo la faafiyey sannadkii 2010, waxay dhaqdhaqaaqaasi ku tilmaantay: ‘isbahaysi kooxo baahsan oo ka kala
kooban kuwa Jihaad-doon ah, kuwa leh dano ganacsi, iyo miliishiyooyin beeleed, kuwaasi oo ay hasytaan dhibaatooyin ah khilaafyo ba’an oo gudaha ah oo dhexdooda ka jira, oo ku saabsan kaalinta dagaalyahannada ajanebiga ah ee ku dhex jira,
adeegsiga dadka ismiidaaminaya ee samaynaya isqarxinta naftaa-hurista ah, iyo arrinta ku saabsan wada hadal siyaasadeed.’11
Al-Sahabaab waxa kale oo ay ku kala qaybsan tahay xagga mabaadi’da fikirka idiyoolojiga ah amma ujeeddooyinka ay hiigsanayaan. Hoggaamiyayaasha qaar waxay aaminsan yihiin oo ay sheegaan inay u dagaallamayaan in laga dhiso Somlaia gudaheeda Jamhuuriyad Islaami ah, inta imika xududaheedu ay koobayaan. Qaarna waxay sheegaan in qorshahoodu uu yahay in la abuuro waxa ay ku tilmaameen ‘Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Soomaali-Weyn’, qaar kalena waxay ku doodaan inay damacsan yihiin in Jihaadka la gaadhsiiyo meelo ka fogfog ‘Soomaali- Weyn’, oo la sameeyo dawlad weyn oo baaxad ballaadhan oo Islaami ah oo gaadha ilaa Afrikada Bari iyo ilaa Masar. Mararka qaar, al-Shabaab waxay u muuqdaan in damacoodu uu xattaa inta ka sii weyn yahay oo uu ka shisheeyo. Bishii May ee 2009, hoggaamiyaha ururkaasi, Sheikh Ahmed Abdi Godane, waxa uu ku dhawaaqay hadalladan: ‘Waannu sii wadaynnaa dagaalka,
dagaalladuna ma joogsanayaan ilaa iyo inta Shareecada Islaamka laga hirgelinayo ee lagaga dhaqmayo dhammaan qaaradaha adduunka, iyo ilaa inta Muslimiintu ay xoraynayaan Jerusalem amma Beytul-Qudus.’
Al-shabaab waxa kale oo ay ku kala duwan tahay qaababka xeeladaha milateri ee ay adeegsadaan. Waxay ku bilaabeen xeelado dagaal oo ah ku-dhifo-oo-ka- dhaqaaq, iyaga oo hadba tuulo amma magaalo qabsanayey muddo kooban, ka bacdina ka baxayey si ay u aadaan oo ay uga soo dagaallamaan meelo kale. Xeeladahaasi waxay argagax geliyeen oo cabsi ku faafiyeen qaybo badan oo ka tirsan Soomaaliya. Al-Shabaab waxay markii danbe noqdeen xoog qabsada oo haysta dhulalka qaar, taasi oo keentay in dhulalkaasi ay ka hirgeliyaan deganaansho ilaa heer ah, una suutogeliyey inay ku soo rogaan sharciyo iyo xeerar aad u qallafsan oo adag.
Bishii August ee 2011, ururka al-Shabaab waxa uu ku dhawaaqay in uu ka baxayo magaalo-madaxda Muqdishu. Dawladda ku-meel-gaadhka ahi waxay sheegatay in taasi guul u tahay ciidammada dawladda. Laakiin tallaabadani al-Shabaab waxay si kasta oo loo eegaba u muuqatay mid ay dhinaca kale u bedelaayaan xeeladahoogii dagaalka, iyada oo waqtigaasi ururka ay wiiqeen kala qaybsanaan hoggaanka dhexdiisa ah iyo ilihii muhimka ahaa ee dhaqaaluhu ka soo geli jirey oo qaar ay waayeen.

5 Muqdishu, bixitaankii al-Shabaab ka dib, September 2011 (Mohamed Moalimuu)
Mid ka mid ah sababaha ay aad iigu adkaatay in aan helo amma ogaado waxa al-Shabaab ay damacsan tahay ee ay doonayso, waa iyada oo mar walba ay adag tahay oo aanay fududayn qof aad la hadasho oo ka tirsan dhaqdhaqaaqaasi, sababta oo gaar ahaan ah aniga oo ah qod dumar ah, isla markaana reer-Galbeed ah. Ka dib markii aan wax badan la xaajoonayey ee aan la hadlayey dad noo dhexeeya oo na xidhiidhiya, iyo kolba farriimo qoraal ah oo aan diro amma la iiga soo diro lambarro kala geddisan, iyo telifoonno aan diro oo markasta la ii sheeko in aan soo waco lambar kale, waxan aakhirkii ku guulaystay bishii March ee 2011 in telifoonka la iigu ballamiyo hoggaamiyaha Islaamiyiinta, Sheikh Hassan Dahir Aweys. Haddana waxa la bedelay waqtigii ballanta daqiiqaddii u danbaysey, waxanan u baahday in aan ku celceliyo dirista telifoonno iyo farrimo kale oo qoraal ah oo danbe, intii aanay run ahaantii ii suurtogelin in aan la hadlo hoggaamiyahaasi. Iyada oo la noo kala af-celinayo amma la noo kala tarjumayo, markii aan weydiiyey ujeeddada al-Shabaab ay u dagaallamayso, waxa uu iigu jawaabay jawaab gaaban, oo uu ka warwareegayo in uu wax faahfaain ah bixiyo, isaga oo kor u dhawaqaya, cod isku-kalsooni ku jirto, mararka qaarna ku qoslaya su’uaalaha, amma u muuqda in uu laba yaabay su’aalahayga oo uu ka boodey, una arkay wax meel-ka-dhac ah oo aan meesha qaban. Waxanu iigu jawaabay:
Saddex sababood ayaa noogu wacan dagaalka. Marka hore, dalkayagii ayaa la soo weerary oo la soo galay. Mar labaadka, waxa la noo diidan yahay in aannu ku dhaqanno diintayada aannu rumaysannahay. Mar saddexaadka, waxannu la dagaallmaynnaa kuwa hortaagan ee carqaladda ku ah danaha dadkayaga, ee ka hortaagan inay samaystaan dawlad Islaami ah.
Waxan imika loo yaqaan amma loogu yeedho ‘dawladda Soomaaliya’, ma aha dawlad run ah oo jirta. Waa dawlad been-been ah oo la asturayo amma loo xilqarinayo. Waxa la isku deyey in dadweynaha lagu siro amma lagu hodo, qaar ka tirsan mucaaradka oo lagu soo daray dawladda, si loo khaldo oo loo qaso ujeeddooyinkayaga iyo mabaadi’dayada. Laakiin taasi ma aqbalayno; waanannu sii wadaynnaa la-dagaallanka dawladdan been-beenta ah, Insha Allana waannu guulaysan.
Aragtida amma nidaamka diimoqoraadiyada ee ka soo bilaabantay dalka Giriigga ayaa imika cid walba lagu khasbayaa oo dhuunta laga gelinayaa. Waxan rumaysanahay in Islaamku ka weyn yahay caalami ahaan habka dimoqoraadiyadda. Waxa aannu doonaynno in aanu abuurno oo aannu dhisnaa waa dawlad Islaami ah oo aannu ka samaynno halkan Soomaaliya, ka sakow nidaamkan diimoqoraadiyadda ee la nagu khasbaayo.
Wax kasta oo ka dhacay Soomaaliya, Maraykanka ayaa hore u qorsheeyey oo ka danbeeyey. Maraykanku waxay isku deyayaan wax kasta oo ay kaga hortegi karaan in Soomaaliya laga sameeyo dawlad Islaami ah.
Waxa ugu horreeya ee aannu doonaynno in aannu ku dhaqaaqnaa waa in lga hirgeliyo xukun Islaami ah oo sax ah oo qumman gudaha xuduudaha haatan jira ee Soomaaliya dhexdooda. Maadaama boqolkiiba-boqol ay Soomaalidu yihiin dad muslim ah, waa inay raacaan oo ay ku dhaqmaan mabaadi’da saxda ah ee Islaamka. Tallaabada labaad ee ololahayagu waa mid markaas ka bacdi iman doonta oo laga dhursugayo, taasina waxa u baahnaan doontaa is- fahamka deriskayaga amma dalalka jaarka ah iyo mujtamaca caalamka.
Al-Qaacida waxan wadaagnaa afkaar, laakiin dalkayagu waxa uu ahaa mid muddo dheer ku soo jirey xaalad milateri oo dagaallo ka socdeen, umana baahnin gacan amma kaalmo debadeed. Al- Shabaabna wax xidhiidh ah oo xagga maamulka ah lama leh al-Qaacida.
In lala hadlo oo aad hesho hoggaanka iyo madaxda al- shabaab, xataa waxa ka sii dhibaato badan inay kula hadlaan askarta hoose amma miliishiyada caadiga ah ee ururkaasi oo ay adag tahay in aad la xidhiidhi karto. In badan oo iyaga ka tirsan waxa la faraa oo lagu amraa inayna la hadal ajanebiga. Bishii April ee 2011, waxa ii suurtogashay in aan la xidhiidho nin hore uga tirsanaan jirey miliishiyada dagaalka ee al- Shabaab, ninkaasi oo magaciisa loogu yeedho Al Ahzari. Ninkaas waxa uu ka tegey ururkaasi, waxanu haatan degganaa Muqdishu, nabadgelyadiisana waxa mas’uul ka ahaa oo ilaalinaysey dawladda ku-meel- gaadhka ah. Waxanu yidhi:
Waxan ku biiray al-Shabaab sannadkii 2006, waaayo waqtigaasi waxan aaminsanaa inay u dagaallamayaan diinta Islaamka. Waxan horjooge u ahaa unug amma koox aan hoggaaminayey, waxanan ka soo dagaallannay guud ahaan Soomaaliya oo dhan: dhinaca koonfurta ee u dhaw xuduudda Kenya, Muqdishu gudaheeda, Kismaayo, iyo dhul badan oo kale oo ka kala tirsan koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.
Maalmahan, dadka lama siiyo wax kharash ah amma mushahar ah oo ay ugu dagaallamaan al-Shabaab; waxa qudha ee loo sheekaa waa inay u dagaallamayaan diinta Islaamka. Xataa kuwa dagaalka ku jira ee leh caruur yaryar oo aan haysa wax ay cunaan amma cabbaan, lama siiyo wax mushahar ah – waxa loo sheegaa ‘Ilaahay ayaa wax idin siin doona’.
Aad ayay u adkayd noloshu al-Shabaab dhexdeeda, sababta oo ah waxa qudha ee aan meesha ku haynney amma ku jirey waxa uu ahaa dagaal. Waxa la na fari jirey in aannu la dagaallanno ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika, kuaasi oo haysta hub culculus iyo baabuur milateri oo gaashaaman. Waxa qudha ee annagu aannu haysanney waxay ahaayeen qoryaha fudud ee AK-47. Marka arrintaas aannu ka cabanno ee aan weydiinno, waxa la nagu eedayn jiey in aannu noqonnay munafaqiin riddo ah amma xujoobey, waxana la na marsiin jirey ciqaab.
Kuwa loo adeegsado inay is-miidaamiyaan oo ay is-qarxiyaan, dagaalka al-Shabaab daraaddiis, guud ahaan waa dad dhallinyaro ah oo aad u yaryar. Inta badan waxa la siiyaa tababar ilaa lix bilood ah, maalin kastana waxa lagu akhriyaa wacdi maskaxda ka bedela, waxana loo sheegaa inay tegi doonaan jannadii. Qaar ka mid ah madaxda sare ee al-Shabaab, waxay iska yeelyeelaan oo ay iska dhigaan inay qaadanayaan iyaguna tababarkaasi, si ay u noqdaan naftooda-huryaal is-qarxin raba. Waxay bilaabaan inay iska ilmaysiiyaan oo ay iska oohiyaan, iskana dhigaan dad doonayaan oo codsanayaa in iyagana lagu daro hawlgallada is-qarxinta; laakiin tabaarayaashu waxay u sheegaan, iyada oo dadka kale afka laga maqashiinayo, in markan la soo xulay dad kale oo diyaar ah, iyagana waqtigoodu iman doono oo la gaadhi doono. Arrimahani waxa loo isticmaala xeelado dadka maskaxda lagaga qabsado oo lagu duufsado, oo lagu khaldo dadka dhallinyarada ah ee qaadanaya tababarrada is-miidaaminta. Al- Shabaab had iyo jeer waxay diyaarisaa dad u jooga oo heeggan u ah inay fuliyaan hawlgallo is- qarxin ah – tiro u dhaxaysa soddon ilaa tddobaatan qof mar kasta.
Al-Shabaab waxay u foojigan tahay oo ay ku dadaashaa inay ka dhaadhiciso oo ay ku shubato dhallinyarada yaryar, afkaarta iyo mabaadi’da ay wattaan, oo dhallinyartu aaminaan, qaatanna afkaartaasi, iyaga oo aan wax su’aal ka keenin, waxna iska weydiin.
Sida aan ku soo faahfaahinnay bilawgii cutubkan, al- Shabaab waxay ku wacdidaa caruurta dugsiyada inay galaan Jihaadka. Waxa kale oo ay adeegsadaan tabo iyo xeelado kale aan caadi ahayn, isla markaana argagax leh oo ay ku dagaalgeliyaan caruurta, kuna dhiirrigeliyaan inay ku kacaan inay isticmaalaan oo ay fuliyaan tabahaasi.
Mid ka mid ah xeeladahaasi, oo gaar ahaan loo soo qaadan karo tusaalaha ugu qallafsan, waxa uu ka dhacay magaalada Koonfurta ku taal ee Marka bishii Oktoobar ee 2009, maalintaasi oo la diley laba qof oo lagu eedeeyey inay basaasiin yihiin. Al-Shabaab waxay ku amartay in la xidho dhammaan dugsiyada maalintaasi, si carurta iyo ardaydu u yimaaddaan goobta, marka la fulinayo dilalkaasi, una daawadaan. Hawlwadeennada ururkaasi waxay kula dhex wareegeen magaalada sameecado, waxayna dadweynaha ugu baaqeen in la soo baxo oo la soo aado fagaaraha amma garoonka dilalkaasi ay ka dhacayaan. Dadka halkaasi la soo tubay waxay u badnaayeen dumar iyo caruur, waxayna ku khasbanaayeen inay daawadaan dilka labadaasi qof ee lagu soo edeeyey inay ahaayeen ‘basaasiin’.
Isla sannadkaasi, dhacdadaasi mid la mid ah ayaa ka dhacday magaalada Kismayo ee dekedda koonfureed. Bishii Ramadaan ee sannadkaasi, al-shabaab waxay soo abaabushay tartan hal-xidhaale ah, amma weydiin-iyo- wax-ka-dheh, oo ay u qabatay dhallinyarada magaalada. Su’aalaha kediska ah ee la isku xujeynayey waxay u badnaayeen kuwa la xidhiidha diinta Islaamka. Ninkii madaxda ka ahaa ee hoggaminayey abaabulka tartankaasi, Abdiweli Mohamed Adan, waxa uu sheegay in ujeedada tartanku ay tahay in lagaga joojiyo dhallinyaradu inay waqtigooda ku lumiyaan waxyaabo kale, isla markaasina xoogga la saaro oo loo soo jeesto arrimaha muhimka ah ee ay ka midka yihiin daafacaadda dalkooda iyo diintooda.
Dhammaadkii bishii Ramadaan, boqolaal qof ayaa la iskugu yeedhay xaflad, munaasabad lagu bixinayey abaalmarintii tartankaasi cidda ku guuleysatey. Abdiweli Mohamed Adan, waxa uu dadweynihii u faahfaahiyey noocyada jaa’isadaha la bixinayo: ‘Qofka
helay tartankii ee kowaad waxa la siinayaa abaalmarin ah qori cusub oo noociisu yahay AK-47, laba bam amma garnayl oo kuwa gacanta ah, miinada loo dhigo taangiyada dagaalka, qalab xafiis oo uu ku jiro kombuyuutar. Jaa’isadda labaadna waa qori duug ah amma aan cusbayn oo AK-47 ah, iyo qalab xafiis. ‘Weligey anigu ma arag oo ima soo marin jaa’isad intaas lee amma abaalmarintaasi oo kale’, ayuu yidhi hogaamiyihii.
Jaa’isadahaasi waxa lagu soo wareejiyey oo lala dhex maray dadweynihii daawanayey, iyadoo hawlwadeennadii al-Shabaab ay ku boorrinayaan waalidiintu inay u ogolaadaan caruurtoodu inay ku tababartaan oo ay isticmaalaan hubkaasi, una sheegaya in tani ay ka caawin doonto inay bartaan sida loola dagaallamao cadowga.
Tusaale kale oo naxdin lihi waa cajaladaha amma suxuunta DVD ee filimada Bollywood (ee Hindiga ah) oo loo qaybiyo dhallinyarada loo tababarrayo hawlgallada ismiidaaminta amma inay is-qarxiyaan. Dhallinyarada u jajaban ee u debecsan fikradahaasi ayaa laga dhaadhiciyaan in filimadaasi ay yihiin Jannadii oo ay soo duubeen, soona direen, shuhadadii al-Shabaab ee janna-tegey kuwaasi oo wax kasta iyo raaxo kasta ku haysta halkaasi, ka dib markii ay fuliyeen weerarro is-qarxin ah ee ay naftooda hureen.
Waxan weydiiyey Sheikh Hassan Dahir Aweys, bal waxa uu ku sababayn karo oo qiil u noqon karaa in caruurta maskaxdooda la bedelo oo waxyaabo kale laga dhaadhiciyo, loona qorto al-Shabaab. Waxanu iigu jawaabay: ‘Marka ay noqoto in la qorto caruurta, diinta Islaamku waxay qabtaan oo ku qeexan in qofku uu yahay qaan-gaadh qaadi kara masuuliyad, marka da’diisu ay gaadho shan-iyo-toban sano. Qof kasta oo ka yar shan-iyo-toban jir, kama qaybgalo dagaalka. Laakiin dadka waaweyn iyo dumarka iyagu doonayaa inay ka qayb galaan dagaalka, waa u furan tahay oo waa loo ogol yahay, waayo waa wax ku bannaan diintayada.’
Waxan la kulmay wiilal ka soo baxsaday khassabka ay al-Shabaab wax ku qorato, waxayna u soo yaaceen dhinaca Kenya oo ay xadka ka soo tallaabeen, ilaa ay soo gaadheen xaafadda Eastleigh ee Nairobi. Lafteedu ma sahlana in aad hesho oo aad la kulanto dhallinyaradaasi, waayo waxay ka dhuumanayaan bileyska Kenya, sababta oo ah iyaga oo aan haysan wax waraaqo ah, dalkana ku jooga si sharci-darro ah. Waxa la i geeyey meel durugsan oo ka mid ah luuq-luuqyada qarsoodiga ah ee xaafadda Easleigh, halkaasi oo ah duni kale oo ay ku soo degaan dadka cusub ee dhawaan ka yimid Soomaaliya, kuna yaallaan guryo burbursan oo xaaladdoodu aad u liidato. Waxay iga qaadatay waqti badan iyo dedaal weyn sidii aan ugu qancin lahaa dhallinyaradaasi inay soo baxaan oo ay ila kulmaan. Laakiin aakhirkii waxay yimaaddeen luuq-luuqii boodku madoobeeyey, iyaga oo isa soo dhex tubay bullaacadihii debadda yaalley iyo qashinkii is dul buuxiyey meehsa. Waqti ayay ku qaadatay inay ila hadlaan, laakiin marka ay bilaabaan hadal, ma kala joojinayaan. Wiilal aad u fara badan ayaa hareerahaygii ku soo xoomay oo soo buuxiyey, iyaga oo buuqaya, una garaabaya laba qof oo iyaguna hadda soo galay oo iiga warramayey nacaybka ay u hayaan al- shabaab, iyaga oo cabsiyi ay indhahooda mar kasta ka muuqato. Wiilka ugu horreeyey ee ila hadlay waxa uu ahaa Mohamed. Waxa uu sheegay in da’diisu ay tahy shan-iyo-toban jir, kana soo cararay magaalada Baydhabo. Waxanu yidhi:
Waxan ka soo cararay magaaladaydii, waayo dagaalyahannada al-Shabaab ee halkaasi joogaa waxay ku khasbaan dhallinyarada inay ku biiraan iyaga. Wiilasha reer Baydhabo, waxa qudha ee u bannaan waa laba midkood; inay amma al-Shabaab ku biiraan, amma meesha iskaga tagaan oo ay ka yaacaan dhulka al-Shabaab xukunto. Ururkani Islaamiyiintu waxay ciqaabaan dhallinyarada diidda inay iyaga ku biiraan. Waxay la dhacaan dhirbaaxo, karbaasha, iyo xadhig. Waxayna ku khasbaan inay ku biiraan miliishiyada. In badan oo ka tirsan dhallinayaradii aannu isku dugsiga amma fasalka ahayn, waxa lagu khabay inay ku biiraan al-Shabaab; imikadanna dagaalka ayay ku jiraan. Ma lihi wax qoys amma qaraabo ah, amma saaxiibbo ah oo ii jooga Kenya. Waana dhib miidhan halkani, waayo mar walba waxa ku caydhsanaya booliska Kenya. Laakiin waa ka sabata-bixi doonnaa.
Wiilka labaad ee aan la hadlay si weyn ayuu u daldalmayey oo waxa uu jeedinayey khubad dheer oo uu wax kaga sheegayo al-Shabaab, isagoo u muuqda in uu dhiiradey oo uu ku dayday ka dib markii wiilkii isaga ka hoorreeyey ee Mohamed uu ila hadlay. Magaciisa waxa uu ku sheegay Abdirahaman, iyo in uu ka yimid isagu Muqdishu:
Waxan uga soo tegey culayskii ay nagu hayeen ee aan kala kulmaayey al-Shabaab. Wadaaddada kooxdaasi ayaa yimaadda xaafadaha magaalada, goobaha dhallinyaradu iskugu yimaaddaan, waxayna na fari jireen in aannu ku soo biirno Jihaadka. Qaar ka tirsan saxiibaday waxay siiyeen lacag si ay ugu biiraan, qaar kalena waxay ka dhaadhicyeen in diinta awgeed ay ugu soo biiraan oo ay u dagaallamaan. Wadaaddadu waxay noo sheegeen inay waajib tahay in la galo dagaalka, jihaadkuna uu yahay waajib diini ah. Al-Shabaab waxay isku dayday inay naga dhaadhiciso in haddii aanannu iyaga ku biirin, in aanaan ahayn dad Muslin ah.
Xataa halkan Kenya, mar walba cabsi ayaa igu jirta. Daqiiqad walba waxan ka baqanayaa in dawladdu ay i qabato oo dib la iigu celiyo Soomaaliya. Ma haysto wax aqoonsi ah amma waraaqo ah, mar kastana waa la i xidhi karaa. Waxan arkay booliska oo dhex wareegaya Eastleigh, oo soo qabqabanaya, soona ururinaya Soomaalida. Marka taasi aan arkana, cagaha ayaan wax ka dayaa oo waan cararaa, inta karaankay ah.
Kooxaha islaamiyiinta xagjirka ahi waxay mar walba soo rogaan qawaaniin cusub, oo mid walba sii cadaadinayo qaababkii dhaqanka iyo nolosha ee xuddunta u ahaa Soomaalida. Ugu horraantii, dadweynaha waxa laga mamnuucay inay goobaha furan amma fagaarayaasha ku daawadaan filimmada iyo tartanka ciyaaraha kubadda cagta. Waxa haddana ku xigey in laga mamnuuco codadka amma muusikada dhawaaqa telifoonnada moobiilka ah marka la soo garaaco. Markii danbana, waxa la soo rogey waxyaabo aad uga fog xaqiiqada, waxana ka mid ah miliishiyadii al-Shabaab ee joogtey magaalada Jowhar oo bishii April ee 2010, oo dugsiyadii magaalada ka mamnuucday in la tumo ama la garaaco jalas amma dawan, marka xiisadaha amma casharrada fasallady ay dhammaadaan. Waxayna sabab uga dhigeen in dawankaasi aad ugu dhaw yahay jalaska kaniisadaha Masiixig ah. Waxan amar lagu siiyey macallimiinta dugsiyada in hadda iyo wixii laga bilaabo, inay sacabka tumaan marka casharradu xiisaduhu dhammaadaan.
Isla bishaasi, ururkii Xisbul Islam waxa uu isna amar ku bixiyey in idaacaduhu ay joojiyaan inay saaraan wax muusiko amma heeso ah, iyaga oo ku hanjabay in la dili doono kuwa u hoggaansami waaya ammarkan iyo sharcigan cusub.
Maalin ka bacdi markii amarkani la soo rogey, dadweynihii ku noolaa magaalada Muqdishu waxay subaxnimadii ku soo tooseen oo ay ku waabariisteen idaacadihii oo saaraya shanqadh rasaas dhacaysa, halkii ay ka dhageysan jireen heeso caadi ah iyo muusik. Weriyayaasha joogey idaacaduhu waxay go’aan ku gaadheen inay saaraan qayladan rasaasta, si ay ugu ciyaaraan oo ay ugu dheel-dheelaan kooxaha Islaamiyiinta ah (ee soo rogey amarkan). Iyo weliba iyaga oo saaray cida raha, caadadaasi oo ah sida Soomaalidu iskaga maadsato amma iskugu dheel-dheesho.
Ali Sheikh Yasin oo ka tirsan xarunta Elman ee ku taal magaalada Muqdisho oo ah urur u doodada xuquuqda banii’aadamka, waxa uu yidhi: ‘Halkan ayaan joognaa
oo aan ka hadlaynnaa heesha iyo muusikada oo aan ku tilmaamaynno inay yihiin denbi ka dhan ah Islaamka, haddana maalin waxa la gala denbiga ugu weyn dunuubta ee ah dilka qofka banii’aadamka ah oo la galabsado saacad kasta maalin kastaba. Idaacaduhu waxay sameeyeen wax xiiso leh oo lagu qoslo, oo ay kaga hortagaan mamnuuciddan. Laakiin waxan ka baqayaan in kooxahani ay soo rogi doonaan amarro iyo xukunno kale oo kuwii hore ka sii daran.’12
Waxay u muuqataa in aanay jirin wax xidhaya amma xaddidaya sida al-Shabaab ay iskugu deyeyso inay xakamayso dhaqanka iyo nolosha dadweynaha, iyaga oo tallaabo-tallaabo u cabbudhinaya amma u yaraynaya xorriyaadkii dadweynaha. Bishii January ee 2011, mar aan fadhiyey barxadda hudheel ku yaalla magaalo- madaxda Somaliland ee Hargeysa, waxa la ii soo sheegay xukunkii ugu danbeeyey ee al-Shabaab ay soo rogto, kaasi oo ay kaga manuucday in raga iyo dumarku ay is gacan-qaadaan marka ay isa salaamayaan, dadka hortiisa amma dhexdiisa. Waxay ahayd galab amma fiid hore, oo dadka hareerahayga fadhiya oo dhammi hudheelka dhexdiisa, ee ahaa dhammaantood dad Soomaali ah oo iskugu jira rag iyo dumarba, oo wada cabbaya shaah, amma iskugu yimid inay ka sheekaystaan siyaasadda, amma telifishanka ka daawadaan ciyaaraha tartanka kubadda cagta. Raggu waxay xidhnaayeen macawiso midabbo badan leh, waxayna garbaha u saarnaa go’yaal shaal ah oo aad loo xardhay, iyaga oo salaamayaa dumarka sida bilicsan u lebbisan ee iska soo wada lulay qalabka iyo saanadda quruxda ee dumarku xidhaan. Marka raggu uu salaamaya dumarka, ma ahayn gacan-qaad qudha, ee si fudud ayay weliba u dhunkanayeen, sida caadada u ah Soomaalida.
Maalintaasi lafteeda waxan ka imid Muqdishu, halkaasi oo dumarka qudha ee aan ku arkay ay ahaayeen qaar gabbanaya oo is-dedey, iskuna qariyey maryo amma shukooyin calculus oo madow; taaso oo ka geddisan xorriyaadka iyo qosolka amma farxadda halkan hudheelka Hargeysa taalla oo aan wax loo dhigo amma ka weyni aanay jirin. Jawiga galabtaasi waxa uu ahaa mid fiican oo xiiso iyo faraxad ka muuqato dadka oo wada mabsuud ah. Ragguna waxa si qurux badan u tirinayeen oo ay u soo xiganayeen tixo ka mid ah gabayada Soomaalida oo ay u marinayen dumarka.
Hasaawe hoose oo reer-magaalnimo ayaa socdey, laakiin ku bannaan jawiga meesha ka jira.
Waxan weydiiyey hogaamiyaha Islaamiyiinta, Skeikh Hassan Dahir Aweys, waxa ay uga go’an tahay ee sida weyn uu ugu doonayo in uu soo rogo qaab iyo nidaam Islaami ah oo buriya amma tirtira dhaqankii iyo caadooyinkii Soomaalida. Waxanu iigu jawaabay:
Waxan aad ula yaabbanahay in aad i weydiiso su’aashaas oo kale. Marka ugu horraysa, waxa looga baahan yahay reer-Galbeedku inay noo sheegaan sababta ay u isticmaalayaan ee ay ugu fulinayaan tallaabooyinka iyo xukunnada qallafsan, ee ay ka midka yihiin sida xun ee loola dhaqmo maxaabiista ay ka qabteen al- Qaacida. Maxaad uga walaacsan tahay haddii aannu hirgelino shareecadayada Islaamka? Waa wax la wada og yahay in shareecada Islaamku ay tahay tan ugu fiican mujtamaca.
Marka ay noqoto xagga anshaxa dharka amma lebiska ee Islaamka, waa wax Ilaahay xukumay, waxayna ku taal Quraanka. Xijaabku ma aha wax dumarka lagu khasbo, laakiin waa wax ay rabaan iyagu inay xidhaan, si ay u raacaan amarka iyo xukunka Eebbe. Waxan la yaabbanahay waxa weeye dalalka reer-Galbeedka ah oo doonaya inay nagu khasbaan sida iyagu ay u dhaqmaan ee ah in la is-qaawiyo. Taasi waa mid aad u xun oo khatar ah.
Marka ay timaaddo ciqaabta ah in dadka la arjumo amma dhagax lagu dilo, marka ugu horraysa waa sharci diintu ay qabto oo waajib ah. Haddii reer- Galbeedku ay diidan yihiin in la raaco oo la dabbaqo shareecada Ilaahay, taasi iyaga ayay u taal amma ay khusaysaa. Laakiin annaga waxa naga go’aan oo waajib nagu ah in aannu hirgelinno ku- dhaqanka qawaaniinta diiniga ah. Dhaqannada iyo hirgelinta xukunnada ah dhagax-ku-diliddu waa qaar faa’iidooyin la taaban karo u leh mujtamaca, iyo guud ahaanba dadweynaha.
Isla markaas ay al-Shabaab soo rogayaan mamnuucidda heesaha iyo muusiga idaacadaha, kuna amrayaan in la xidho telifishannada iyo idaacadaha, Al-Shabaab waxay dhinaca kale ka kordhinaysay mar kasta, oo ay keensanaysay iyadu, qalab cusub oo warbaahineed oo casri ah oo ay u adeegsato borobagaanada ay iyadu faafsanayso. Sannadkii 2011, waxay fureen telifishan ay iyagu leeyihiin, oo magaciisa la yidhaa al-
Qaddaa’ib, kaasi oo isticmaalayey xaruntii iyo qalabkii telefishankii magaalada Muqdishu ee ‘Codka Nabadda’ oo ay qabsadeen.
Telifishankaasi al-Qaddaa’ib waxa uu soo saari jirey muuqaallo iyo filimmo dad lagu sheego inay qiranayaan inay ahaayeen basaasiin, oo la soo tubo meel fagaare ah inta aan la dilin ka hor. Waxa kale oo laga sii deyn jirey waraysiyo laga soo qabto madaxda al- Shabaab oo khudbado dhaadheer u jeedinaya dadweyne aad u fara badan oo isku soo baxay. Sida caadada u ah ee lagu yaqaan dadka Jihaad-doonka ah, taliyayaashaasi waxa mar kasta ku xeeran oo ilaalinaya kooxo hubaysan oo xidhan tuutaha milateriga, oo lulaya calanka madow ee al-Shabaab, madaxa iyo weijiga ku qariyey dahaadh dheer amma oo ku soo duuduubtay cimaamado.
Telifishankaasi waxa uu muujiyaa kulanno diini ah oo aad u ballaadhan, oo jidadka la isa soo buuxiyey ilaa inta ishu ay qabanayso, iyadoo dadweynuhu ay si jamac ah u tukanayaan, si nidaamsan oo isla haystana u rukuucayaan una sujuudayaan.
Waxa kale oo ku jira muuqaalladaasi caruur aan qaan- gaadh ahayn oo tababar milateri lagu siinayo ayga miyiga, oo iyaga oo ku faraxsan kor u haya waraaqo amma kartoonno ay ku toogasho bartaan oo xabadihii ay ku dal-dalooliyeen.
Waxa kale oo la saaraa qasaai’dka iyo heesaha Jihaadka ee kicinta, iyo sawirro farshaxan ah oo bixinayaa muqaallo argagax leh, iyo weliba muuqaallo si lama-filaan ah u muujinya dhallaan socsocda dadweynaha dhexdiisa, oo qoryo sitta, kuna soo fiiqaya kamarada.
Al-Shabaab waxay ka faa’iideysatey sida soomaalidu u jecel yihiin ee ay u xiiseeyaan isticmaalka Internet- ka, waxayna bilaabeen website-yo aad u sarreeya oo
casri ah. Marka mid laga xidhaba, isla markaaba mid kale ayay furaan oo ay bilaabaan. Bogagga website- yadaasi waxa ka buuxay sawirrada dhul boodh badan oo al-Shabaab ay sheegaan inay dhawaan ‘qabsadeen’, sawirro naxdin leh oo ah meydad dad rayid ah oo jidkoodii la googooyey, ayna ku eedeeyaan falalkaasi ciidamada nabad-ilaalinta ee AMISOM iyo kuwa dawladda ku-meel-gaadhka ah. Waxa ku jira sawirro laga soo qaaday qof la sheegay inuu ka mid yahay ciidamada nabad-ilaalinta ee reer Uganda oo al-Shabaab ay qabatay, ninkaasi oo argagax ka muuqdo, indhihisuna kolba dhinac eegayaan. Ninkaasi waxa la haystey dhawr bilood oo weli lama sii deyn ilaa waqtigii la qorayey buuggan.
Al-Shabaab waxa kale oo ay u isticmaasha internet-ka inay ku soo urursato lacagayow qaadhaan ah, oo si toos ah ay u abaabusho munaasabado ay ku codsanayso in lagu yabooho deeqo, munaasbadahaasi oo marar socda maalmo, kuna jira Internet-ka. Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayaa waxay ka hadlaysaa mid ka mid ah munaasabadahaasi qaadhaan-ururinta ee noocaasi ah oo socotey muddo saddex cisho ah, bishii May ee 2009, iyo mid kale oo muddo laba toddobaad ah ku jirtey Internet-ka oo wax loogu ururinayey gaar ahaan kooxaha al-Shabaab ee gobollada dhexe ee Soomaaliya. Waxayna tidhi warbixintu:
Xarunta Salaaxuddiin ee magaalada Muqdishu ee al-Shabaab, waxay si toos ah xaruntaasi u xidhiidhisaa oo ay abaabushaa munaasabadaha noocan ah oo ay ka soo qayb galaan boqolaal qof oo ka tirsan qurbajoogta … Hoggaamiyayaasha al- Shabaab ee gobolladuna waxay halkaasi kala hadlaan dadka, oo ay u sheegaan dhibaatooyinka soo waajaha mujaahidiinta iyo qoysaskooda ku sugan ee ku nool gobolladaasi oo abaaro iyo colaado haystaan. Dadkii ka soo qayb galay munaasbaddaasi ee baaqyada loo jeediyeyna waxay ku yabooheen lacag ka badan $40,000 oo doollar oo ay ku ballanqaadeen.13
Iyaga oo adeegsanaya qalabkan cariga ah ee xoogga weyn ee borobagaandada ee u furan, oo gaadhya qof kasta oo gala Internet-ka, al-Shabaab waxay soo jidataa oo ay ka heshaa dacallada adduunka oo dhan dad taageerayaal ah, gaar ahaanna Soomaalida qurbaha ku nool. Laakiin marka dadku ay ku soo biiraan ururkaasi, ee ay u soo galaan si ikhtiyaari ah ammaba la soo khasbo, waxa ku adkaata sidii marka danbe ay uga tegi lahaayeen, sida uu sheegay Al Ahzari oo hore uga tirsanaan jirey miliishiyada al-Shabaab:
Sannadkii 2010, waxan goostay in aan iskaga tego al-Shabaab. Waxa lagu jebiyey dagaalkii kooxdii amma unuggii aan anigu wattey ee aan hoggaaminayey. Nimankii iga sarreeyey ee i xukumayey waxay shakhsi ahaan aniga i fareen in aan khaarajiyo dhammaan raggii iga dhaawacmay. Markaasi ayaan fahmay in al-Shabaab ay ka hojeeddo Soomaalida iyo diintoodaba, sidaa awgeedna waan ka goostay oo waan ka baxsaday.
Waxa qudha ee ii suurtogeliyey in aan goostaana waxay ahayd dawladda oo i ilaalinaysey. Al- Shabaab mar kasta way gawracaan dadka ka taga ee ka goosta, waayo waxay ka baqayaan in dadkaasi ay kashifaan oo ay faafiyaan sirtooda. Waa wax aad u yar oo far-ku-tiris ah in qof uu awodo sidayda oo kale in uu ka baxsado. Si iskaa ah waad ugu biiri kartaa al-Shabaab, laakiin waa wax aan inta badan suurtogal ahayn in aad ka tegi karto.
Dibad-ka-keenista iyo Dibad-u-dhoofinta Jihaadka
(Importing and exporting jihad)
Iyada oo ka duwan xaaladaha ka jira Soomaaliya dhxdeeda oo dhallinyarada iyo wiilasha lagu khasbo inay ku biiraan al-Shabaab iyaga oo aan raalli ka ahayn, haddana qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka dibaddiisa ayaa aad u doonaya inay ku biiraan kooxdaasi. Qaar ayaa iskaga tegey oo faraha ka qaaday noloshii ay ku noolaayeen dalalka Yurub iyo Maraykan, si ay iskugu soo qarxiyaan Soomaaliya. Ilaa iyo intii Maraykanka iyo dalal kaleba ay al-Shabaab la xidhiidhiyeen ee ay ku magacaabeen inay kaalin weyn ka qaadato jihaadka caalamiga ah, isla markaasina ay qayb weyn ka tahay bahda al-Qaacida, al-Shabaab waxay soo jiidatey oo daneeyey dagaalyahanno badan oo aan Soomaali ahayn oo ajanebi ah, oo ay ku jiran kuwo u dhashay dalalka Aasiyada Koonfureed, Carab iyo Afrikaan, oo ka yimid meelo kale.
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debadda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika, Jonnie Carson, waxa uu ka hadlay walaaca laga qabo dagaalyahannada ajnebiga ah ee laga yaabo inay ku xidhan yihiin al-qaacida ee ka garab dagaallamaya al-Shabaab. Waxanu yidhi: ‘Waxannu si
weyn uga walaacsannahay wararkaasi oo u muuqda qaar khatar iyo xaqiiqo ah oo la rumaysan karo, in al- Shabaab ay ku dhex jiraan oo ay dagaalka kala qayb qaadanayaan dad asalkoodu yahay Aasiyada Koonfureed iyo Jajniyiin. Tani waa xaalad walaac weyn leh, waxayna muujinaysaa khatarta weyn ee ka soo fool leh dhibaatada Soomaaliya.’
Waxay u muuqataa in gaar ahaan xidhiidh khaas ahi uu ka dhexeeyo kooxaha jihad-wadayaashaaha ah ee Soomaaliya iyo Yemen. Taasi ma aha waxa lala yaabo oo aan la filayn marka loo eego sida labada dal ay dhul ahaan iskugu dhaw yihiin iyo sida Maraykanku u arko iyaga, jaalliyadda amma qawiyadda ballaadhan ee Soomaalida ee ka jirta Yemen, iyo tan ugu muhiimsan oo ah in labada dawladood ee labadaasi dalba ay yihiin qaar daciif ah oo tag daran, amma ku dhaw burbur. Marka degaanaanshihii dalka Yemen uu sii kala jajabo ee uu sii xumaadaba, waxa suurtogal ah in dhaqdhaqaayada Islaamiga ah ee labadaasi dal ay isku sii dhawaadaan oo ay isku xidhmaan. Afhayeen u hadlay ururka al- shabaab waxa uu sheegay 2009-kii, in labada dhinacba ay isweydaarsanayaan dagaalyahanno.
Osama bin Laden oo isagu waqtigaasi ahaa hoggaamiyaha al-Qaacida, waxa uu ku ammaanay oo kor u qaaday magaca iyo heerka Soomaaliya ee qadiyadda Jihaadka, mar uu kaga hadlay cajalad laga soo duubay, oo la sii daayey sannaddii 2009, oo 11 daqiiqo socotey, oo uu gebi ahaan kaga hadlayo dalkaasi. Dhambaalkaasna waxa cunwaan looga dhigay ‘Wada dagaalka, geesiyaasha Soomaaliyeedow’, waxanu u hibeeyey ‘ku walaalaha samirka badan ee muslimiinta Soomaaliyada Mujaahidka ah.’ Osama bin Laden waxa uu ugu baaqay Soomaalida in la afgenbiyo oo xukunka laga tuuro madaxweynihii cusbaa ee dalkaasi, Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, oo hore u ahaan jirey madaxa Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah, waxanu ku eedeeyey in uu ka tegey diintiisii, ugana baxay si uu dawladda ugu biro, amma sida uu u dhigay ‘ in uu la shuraakoobo oo la rafiiqo gaalada.’ Waxa uu ku tilmaamay Islaamiyiinta Soomaaliya, dhaqdhaqaaq weyn oo ka tirsan Jihaadka caalamiga ah, oo uu u aqoonsaday bah si wadaag ah uga qayb qaadanaysa halganka:
‘Waxaad tihiin furinta koowaad amma safka hore ee difaaca dunida Islaamka ee aagga Koonfur-Galbeed, samirkiinna iyo qaddiyaddiinna weyn ee adagina waxay kaalmaynaysaa oo ay u gargaaraysaa walaalihiinna reer Falastiin, Ciraaq, Afghanistan, Muslimiinta reer Makhrib, Pakistan, iyo meelaha kale ee Jihaadku uu ka socdo.’
Dilkii Osama bin Laden ee ay geysteen ciidamada gaarka ah ee Maraykanku bishii May ee 2011, siyaabo kala geddisan ayaa looga arkay Soomaaliya. Dumar ayaa ku dabbaaldegey oo damaashaad iskugu soo baxay jidadka qaybaha dawladdu ay xukunto ee magaalada Muqdishu, iyaga oo ku faraxsan dhimashada ninka ay ku sheegeen ee ay u haystaan in uu mas’uul ka ahaa dilalka raggoodii iyo wiilashoodii ay jeclaayeen. Dhinaca kalena al-Shabaab waxay soo saartay odhaah ay ku sheegayaan inay u aargudi doonaan ninkaasi. Qaar ka mid aha dagaalyahannaduna waxay soo xidheen weer cad oo muujinaya, caalamadna u ah, sida ay ugu murugoonayaan.
Waa adag tahay in si sugan loo ogaado tirada dhabta ah ee dagaalyahannada ajanebiga ah ee ku soo biiraya Jihaadka Soomaaliya iyo dalalka ay ka kala yimaaddeen, laakiin aad ayay u joogaan halkaasi oo way ku badan yihiin. Al Ahzar oo isagu hore uga tirsanaan jirey al-Shabaab ayaa ka hadlay sida jihad-wadayaasha ajanebiga ahi ay uga hawlgalaan Soomaaliya ee ay u yihiin kooxo gooni ah oo sidooda u taagan ururka dhexiida. Waxanu yidhi:
Waxan dagaal wada galnay dhawr kooxood oo ka tirsan kooxahaasi ajanebiga ah. Tirada ajanebiga Jihaad-wadayaasha ah ee jooga Soomaaliya waa qiyaasti ilaa 1,800. Marka siyaabaha qaar loo eegana, iyaga ayaa ah hoggaanka al-Shabaab. Waxay dagaalka u galaan koox-koox gaar ah oo goonidooda ah, saldhiggooda u weynina waa Muqdishu. Waxa ku jira Carab, Pakistaniin, iyo dad caddaan ah – xattaa Maraykan – iyo kuwa badan oo Afrikaan ah sida Kiiniyaan, Sudan, Itoobiyaan, iyo Eritrea-yaan.
Qaar badan oo ka mid ah ajanebigani waxay dalalkoodii ka yihiin denbiilayaal. Mid u dhashay dalka Bangladesh waxa uu ii sheegay in uu xabsiga ku jirey muddo shan-iyo-toban sano ah, ka bacdina uu soo baxsaday oo uu yimid Soomaaliya. Waxa uu sheegay in aanu doonayn in nabaddii iyo degganaanshihii ay ku soo noqdaan Soomaaliya, waayo, waxa uu yidhi waa sahlantahay in halkan lagu dhuunto inta uu jiro ee uu socdo qaskani. Ajanebigu waxay doonayaan in Soomaaliya ay sidaa sii ahaato, dal aan dawlad lahayn. Waayo waxay iyaga u noqonaysaa meel ku habboon inay u soo qaxaan oo ay hoy ka dhigtaan.
Waxa kale oo ku soo biiray Soomaali badan oo qurbaha ka yimaadda oo la shaqeeya kooxahaasi ajanebiga ah, una ah dirawaliin, tarjumaanno iyo ciidan ilaaliya. Waxay u yimaaddaan ee ay ugu soo noqdaan Soomaaliya inay shahiidaan. Soomaalida aan wax dhibaato ahi ka haysan qurbaha, ee aan wax tuhun amma shaki ah aan loo daba joogin, ayaa had iyo jeer loo soo diraa halkan, si ay u fuliyaan hawlgallo debadeed. Xataa waxay diyaar u yihiin inay sugaan sannado badan inta ay ka fulinayaan weerarro debadeed. Dan kama leh inta ay ku qaadanayso. Waxa jira unugyo qarsoodi ah oo jihaaad-wadayaal ah oo ka jira dhulalka ay ka midka yihiin Holland, Maraykanka iyo Ingiriiska, kuwaasi oo dejinaya amma samaynaya qorshayaal ku saabsan sidii weerarro loogu qaadi lahaa dalalkaasi.
Hoggaamiyaha Islaamiyiinta, Hassan Dahir Aweys, waxa uu isna ka hadlay dagaalyahaniintan ajanebiga ah:
Maxaa ku jaban in taageero aad ka hesho dadka kale, haddii cadowgaagu uu yahay mid kaa xoog badan oo haysta hub badan? Maxaa ku khaldan in aannu helno taageero? Haddii dadka jilicdasan ee saboolka ahi ay is habeeyaan, si ay ula dagaallamaan cadowgooda, maxaa ku jaban inay taageero ka raadsadaan meel kasta oo ay ka heli karaan?
Ajanebiga ku jira al-Shabaab intooda badan asalkoodu wuxu ka soo jeedaa Soomaalida qurbaha deggan ee haysata dhalasho Maraykan amma reer Yurub ah. Waxay bilaabeen inay u soo kicitimaan Soomaaliya ka dib markii Itoobiya ay soo gashay dalkaasi bishii December ee 2006. Hey’adda mukhaabaraadka Maraykanka ee CIA waxay sheegtay in duullaankaasi uu ‘sii shiday’ oo uu dhaliyey in Soomaalidii debaddu ay ku biiraan ururrada xagjirka ah ee Islaamiyiinta. Marka lagu xisaabatamo in duullaankaasi Itoobiya uu haystay taageerada Maraykanka, waxay noqonaysaa mid sax ah in lagu doodo in uu ahaa hawlgalkaasi wadajirka ahaa, ka sii fogeeyey Soomaalida qurbajoogta ah ee ku kallifay inay dagaallo jihaad ah ka fuliyaan dalkoodii hooyo.
Mid ka mid ah dadkaasi jihad-doonka ah ee ku soo guryo-noqday Soomaaliya, waxa uu yahay Shirwac Ahmed, oo ah lix-iyo-labaatan jir asalkiisu Soomaali yahay laakiin qaatay dhalashada Maraykanka, oo ka yimid gobolka Minnesota, waxanu iskaga tegey waxbarashadii koolajka sii uu ugu biro oo uu ugu dagaallamo al- Shabaab. Waxa uu is-qarxiyey bishii Oktoobar ee 2008, isaga oo kaxaystay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, lana galay dhisme ay dawladdu lahayd oo ku yaalley gobolka Puntland ee Waqooyiga- Bari ee Soomaaliya. Warbaahinta Maraykanku (sida laga soo xigtey qoraallada Andrea Elliot ee ’A call to jihad, answered in America, New York Times 12 July 2009) waxay ku tilmaantay ninkaasi ‘qofkii ugu horreeyey ee Maraykan ah ilaa hadda inta la og yahay ee is-miidaamiya amma is-qarxiya.’14
Sirwac Ahmed waxa uu ka mid ahaa dhawr ah dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka tegey magaalada ugu weyn gobolka Minnesota ee Minneapolis, si ay ugu biiraan ururka al-Shabaab. Hey’adda mukhaabaraadka Maraykanka ee FBI waxay ku qiyaastay in intii u dhaxaysey bishii September ee sannadkii 2007 ilaa bishii October ee 2009, in tiro ka badan labaatan qof oo Soomaali ahi inay ka tegeen Minnesota si ay ugu biiraan kooxda Islaamiga ah ee Soomaaliya. Minneapolis waa magaalo-madaxda qurbajoogta Soomaalida ee Maraykanka. Qayb ka mid ah magaaladaasi degaannada gaboobey oo Soomaalidu aad u isticmaashana waxa loo yaqaan’Muqdishu-Yarey’; magacaasi oo la mid ah ka ay Kiiniyaanku u bixiyeen ee ay u yaqaanaan xaafadda Eatleigh ee Nairobi.
Dawladda Maraykanku waxay aad uga walaacsan tahay xagjirnimada Soomaalida, walaacaasi oo keenay ilaa heer ay dawladdu ay ka samayso magaalada Minneapolis xafiis gaar ah iyo cutub ka tirsan heyadda mukhaabaraadka ee FBI oo la yidhaa Iskaashiga Hawlgalka Gaarka ah ee Ka-hortagga Argagixisada (Joint Terrorism Task Force). Warbixin arrintaasi ku saabsan oo FBI ay qortay sannadkii 2009, waxa ka mid ahaa:
Ilaa dabayaaqadii 2006, waxan aragnay dhawr qof oo ka tirsan Maraykanka – oo qaar badani ay asal ahaan ka soo jeedaan Soomaaliya, qaarna aanay la lahayn wax xidhiidh ah oo noocaasi ah – kuwaasi oo u safra Soomaaliya, si ay u tababaraan amma ay uga qab qaataan dagaalka ay al-Shabaab ay waddo. Tirada dadka noocaasi ah ee aannu rumaysannahay inay tegeen Soomaaliya, waxay ka badan tahay marka la barbar dhigo guud ahaan dadka ka tegey Maraykan ee tegey meelaha kale ee adduunka ee xiisaduhu ay ka jiraan, dhawrkii sano ee la soo dhaafay. Waxanan aragnay inay ka badan tahay tirada dadka ka taga Minneapolis marka loo eego qaybaha kale ee dalka mid kasta.15
Cabsida ugu weyn ee la qabaa waa inay dhici karto in maalin ka mid ah maalmaha ay Soomaalida deggan Maraykanku qaadaan waxa FBI ay ku tilmaantay ‘hawlgallo argagixiso’ oo laga fuliyo ciidda amma dhulka Maraykanka dhexdiisa.
Bishii February ee 2010, Agaasiimaha Heyadda Muklhaabaraadka Qaranka ee Maraykanka, Dennis Blair, waxa uu u sheegay guddi gaar ah oo ka tirsan aqalka sare ee odayaasha ee Senate, oo loo saaray inay dhageystaan oo ay dersaan warbixinno ku saabsan ‘Kahataraha Haataan Taagan iyo Kuwa Meelo Kale Kaga Soo Fool leh Maraykanka’, waxa uu u sheegay in uu rumaysan yahay in qaar ka tirsan dagaalyahannada tababarka ka bixinaya Soomaaliya iyo kuwa dagaalka ku jiraaba, inay dhici karto in hawlgalladooda ay ku soo jeediyaan oo la beegsadaan Maraykanka.
Maraykanku waxay ka qaadeen tallaabooyin Soomaalida Maraykanka ah. Bishii August ee 2010-kiina, afar-iyo- toban qof ayaa lagu soo oogey dacwado la xidhiidha falal argagixiso, falalkaasi oo ay ku jiraan lacagayow, dad iyo taakulayn kale oo loo fidiyey al- Shabaab. Laba qof oo dadkaasi ka mid ahaa ayaa la xidhay, laba-iyo-tobankii kalena waxa la rumaysan yahay inay mar horeba dalka ka baxeen oo ay tegeen Soomaaliya. Sida laga soo xigtey Xeer-Ilaaliyaha Guud ee madaxda ka ah Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka, Eric Holder, waxa uu sheegay in ‘dacwadahan iyo xidhitaanka dadkani ay sii ifiyeen oo la ogaadey jiritaanka hawlgallo khatar ah oo xidhiidhsan oo loogu ururiyo, looguna diro hanti iyo dad dagaallama labadaba ururka al-Shabaab, lagana soo ururiyo dhammaan magaalooyinka Maraykanka.’
Bishii July ee 2011, wiil lix-iyo-labaatan jir ah oo Soomaali ah, oo magaciisa la yidhaa Omar Abdi Mohamed, oo deggan magaalada Minneapolis, waxa uu ka dhex qirtay maxkamad ah kuwa federaalka Maraykanka, in uu qabo denbi ah inuu ka qayb galay qaadhaan loo ururinayey in la geysto falal kala ah dil, afduub iyo dhaawacyo ah, kuwaasi oo laga fuliyo debadda.
Xeer-Ilaaliyaha B. Todd Jones ee Maraykanku waxa uu isna sheegay (warbixintii FBI ee 2010):
Dadka ku lug leh qorshayaashani la maleegayey, ee uu ka midka yahay Omar Abdi Mohamed, waxay jebiyaan sharciga, iyaga oo ku kacay tallaabooyin khaldan oo kahatar ah oo ay ku taageerayaan urur argagixiso ah. Aakhirkana taasi waxay keentaa inay kala geyso oo dhibaato ku abuurto qoysas badan oo Soomaalida Maraykanka ah. Waalidiinta ayaa ka cadhooda oo walaac ay ku abuurtaan caruurtoodii wiilasha ahaa oo la waayo, oo inta badan iska taga iyaga oo aan la ogeyn, oo aan isa sheegin amma is ogeysiin waalidkood. Mararka qaar, qoysasku waxay ka ogaadaan oo ay ka war helaan oo qudha meesha iyo waxa ay ku danbeeyeen caruurtoodii iyo dadkoodii marka ay ka arkaan oo keliya fiidiyayaasha Internet-ka ee al-Shabaab ku faafsato borobagaandada.16
Baadhitaan isna ay samaysay FBI oo loogu magic-daray hawlgalka ‘Operation Rhino’, oo ku waajahnaa dhallinyarada Soomaalidu ee deggan Minneapolis, waxa ka soo baxay in dhallinyaradaasi muddo dhawr sano ahba ay tegayeen oo ay ku noqonayeen Soomaaliya si ay uga soo dagaallamaan halkaasi:
Kooxihii ugu horreeyey ee la ogaado inay halkaasi u safreen, waxay ka ambabaxeen dalka Maraykanka bilihii October iyo December ee 2007, iyaga oo qaar kalena ka daba tegey bilhii February 2008, November 2008, iyo October 2009. Markii Soomaaliya ay gaadheen, waxa la dejiyey guryo gaar ah oo ay leeyihiin al-Shabaab oo ku yaal koonfurta
Soomaaliya, ilaa iyo intii loo samaynayey xero tababar oo al-Shabaab ay leedahay oo dhallinyaradaasi lagu tababaro. Tababarkaasi waxa bixinayey saraakiil sarsare oo ka tirsan al- Shabaab iyo al-Qaacida qaybteeda qaabilsan Afrikada Bari.’17
Qaar ka tirsam Soomaalida Maraykanka ee ku biiray al- Shabaab waxay ahaayeen dad dayro ah oo ka baxay mujtamaca jaalliyadaha Somaalida, ka dib markii ay ku biireen kooxaha dhallinyarada dibjirka ah ee noqda budhcad wax boobta, kooxahaaso oo ay ka mid yihiin kuwa la baxay magacyada ‘Rough Tough Somalis’ iyo ‘Murda Squad’. Jihaadku, waxa uu si ahaan uga dhigan yahay qaab kale oo ay isku muujiyaan dhallinyarada caasiga ah ee ku caasigarooba qoysaskooda iyo nidaamyada mujtamaca ee jira. Waxa uu uga dhigan yahay sida balwadii Rock and Roll oo kale oo casri ah.
Wararka iyo macluumaadka la xidhiiodha kooxha xagjirka ah ee Islaamiyiinta Soomaaliya, waxa si sahal ah looga heli karaa Internet-ka; waxana jira website- yo tiro badan iyo bogagga lagu sheekaysto oo ku xidhan al-Shabaab, kuwaasi oo u ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee madluunka ah amma kacsan ee ku nool Minnesota, meel iyo goobo ay ka helaan agab iyo waxyaabo ay lab-raacaan amma la dhacaan, amma u arkaan qaddiyad habboon in la guto. Tusaalena waxa uu ah agabkaasi mid ka hadlaysa jihaadka oo al-Shabaab ay bogaggeeda internetka soo gelisay, oo u qornaa sidatan, ‘Ma garan kartid macaanka Jihaadka ilaa aad ku soo biirto oo aad soo gashid Jihaadka.’
Adeegga Intyernetku waxa kale oo uu suurtogeliyaa in kuwii tegey Soomaaliya ay la soo xidhiidhaan kuwii kale ee ka hadhay amma aan weli tegin, oo ay ugu baaqaan inay ku soo biiraan oo ka daba yimaaddaan, iyaga oo ‘weyneynaya amma buunbuuninaya’ wanaagga iyo ahmiyadda hawlaha ay ku jiraan. Farriin amma dhambaal la soo geliyey adeegga Facebook oo uu soo geliyey qof Soomaali ah oo dhawaan ka tegey Maraykanka, tegeyna magaalada Muqdishu, waxa uu ku soo qoray, ‘Sup dawg, kaalaya halkan oo iskeena magaaladan M-Town … oo ah meel raggu ay wada sittaan dhammaan noocyada hubka amma qoryaha.’18 Waxa jira dagaalyahannada kale ee ka tegey qurbaha oo iyagu ilaa heer mutacallimiin ah ka roon wiilkan, oo iskaga tegey koolajyadii waxbarashada ee ay ku jireen, tegeyna Soomaaliya si ay uga qayb galaan dagaalka.
Dhallinyarada Soomaalida ee iyaguna qaatay dhalasho reer-Yurub ah waxa kale oo iyaguna u tagaan si ay ugu biiraan al-Shabaab. Dalka Ingiriiska, oo ay deggan yihiin qamiyadda amma jaalliyadda ugu ballaadhan ee Soomaalida ee dalalka Yurub, hey’ahada nabadgelyadu waxay ku qiyaasaan daraasiin tirada dhallinyarada baxday. Mid ka mid ah waxa lagu sheegay inuu ahaa nin kow-iyo-labaatan jir ahaa oo ku noolaa xaafadda Ealing ee Galbeedka magaalada London, oo ka baxay halkaas bishii October ee 2007, iskuna qarxiyey goob kontorool oo ku taal magaalada koonfureed ee Baydhaba, halkaana ku diley ilaa labaatan askari oo ka tirsanaa ciidanka dawladda. Sida ay sheegtay dawladda Soomaaliya-yana, qarax is-miidaamin ahaa oo lagula kacay sannadkii 2009 munaasabad xalaflad qalin-jebin ahayd magaalada Muqdishu, waxa fuliyey qof Soomaali ah oo ka yimid dalka Denmark, oo u soo lebbistey sidii qof dumar ah oo kale.
Ma cadda sabata dadka intaas leeg ee is-miidaamiya iskuna qarxiya Soomaaliya gudaheeda, sabata ay u yihiin badankoodu dhallinyaro ka timid qurbaha, ee ay u noqon waayeen dad gudaha laga qortay.
Walaaca ugu weyn ee dawladaha debaddu ay qabaan waa cabsida laga qabo, iyo xaqiiqada sii kordhaysa, in
Soomaalidu ay qaadaan weerarro ay ka fuliyaan Somaaliya debaddeeda. In kasta oo badiyaa meelaha ay aadaan dhallinyarada Soomaalida ee qurbaha ka tagtaa ay tahay Soomaaliya, haddana waxa jirey weerarro Islaamiyiinta Soomaaliya ay ka fuliyeen dalka debaddiisa. Ka ugu xumaa waxa uu ahaa kii lagu diley tiro ka badan toddobaatan qof dalka Uganda, weeraraasi oo ay fuliyeen dad is-qarxiyey oo ka tirsanaa ururka al-Shabaab.
Waxa jira tusaalooyin kale, xataa meelo si weyn uga fog Afrika. Hey’adaha Nabad-Sugidda ee Australia waxay sheegeen bishii August ee 2009, inay ogaadeen oo ay heleen qorshe shirqool oo ay maleegayeen kooxo soo-galooti ah amma ajanebiga degey dalkaasi ka tirsan, oo ay ku jiraan saddex Soomaali ah oo haysta dhalashada Australia. Qorshaasi oo lagu damacsanaa in la fuliyo weerar is-qarxin ah oo lagu qaado saldhig milateri oo ku yaal magaalada Sydney.
Saddex ka mid ahaa afar nin oo lagu helay denbi ah hawlgal la fashiliyey oo lagu damacsanaa in lagu qarxiyo tareennada iyo maxadadaha dhulka hoostiisa ee magaalada London 21-kii bishii July ee 2005, waxay noqdeen Soomaali. Wasiirkii hore ee Ingiriiska u qaabilsanaa Afrika, Lord Malloch Brown, waxa uu sheegay sannadkii 2009, in Soomaaliya ay u taagan tahay oo ay kaga soo fool leedahay dalkan Ingiriiska khatar ka weyn tan Afghanistan.
Sumcadda Soomaaliya ee loo arkay aag amma meel weyn oo Afrika ah Dagaalka Argagixisada, iyo weliba meel laga soo abaabulo oo laga dhoofiyo weerarrada debadda, arrimahani waxay keeneen in Somaalida uu raaco oo uu u meelmaro ‘magac xun’ oo dalalkii kale ee adduunka ugu faafa, mararka qaarna si khalad ah loogu xidhiidhiyo oo loogu eedeeyo dad Soomaali ah inay ka qayb qaateen hawlaha dagaalka ee Islaamiyiinta. Sannadkii 2009, waxan la xidhiidhay nin Soomaali ah oo magaciisa la yidhaa Mohamed Suleiman Barre, wax yar ka bacdi markii ninkaasi laga soo sii daayey Xabsi ku yaal Guantanamo. Waxa uu halkaasi ku xidhnaa muddo dhawr sano ah intii aan la sii deyn ee aan loo mastaafurin Jamhuuriyadda la baxday Somaliland.
Waxanu igu yidhi:
Waxa la iga soo qabtay dalka Pakistan sannadkii 2001, waxana la igu eedeeyey in aan ku lug lahaa hawlo argagixiso. Saraakiisha ciidamada sirdoonka ee Pakistan waxay i geeyeen xabsi ay ku ururiyaan oo lagu hayo dadka lagu tuhunsan yahay argagixisada. Muddo afar bilood ku dhawdhaw ayaa halkaasi la igu hayey. Markii danbe waxa ii yimid, oo saddex jeer igu soo noqnoqday, saraakiil Maraykan ah oo su’aalo baadhitaan i weydiiyey. Waxay ii sheegeen inay soo heleen oo ay soo ogaadeen telifoonno aan dirsaday iyo qaar aan helay, iyo in ay ila soo xidhiidheen hawlwadeenno sarsare oo lagu tuhusan yahay argagixiso. Waxay igu khasbeen in aan qirto waxyaabo aanan samayn oo aanan gelin.
Ka dibna aniga iyo saddex qof oo kale ayaa loo qaaday oo loo wareejiyey xabsi ku yaal saldhigga gegida diyaaradaha ee Bagram ee Afghanistan, halkaasi oo jidh-dil aad u xun la nagula kacay Waxay nagu sameeyeen waxyaabo aad u xun. Markii danbe waxa la ii diray xabsiga Guantanamo, halkaasi oo aan ku jirey dhar sano, oo inta badan aan gooni u xidhnaa, cidlana ahaa. Waxana si weyn iiga xumaatay maskaxdii oo dhaawacantay.
Haatan waxa dareemaa sidii nin xabaal ka soo baxay oo kale amma dib u soo noolaaday. Waxayna igu qaadanaysaa waqti in aan dib ula qabsado dunidii dhabta ahayd. Waxa qudha ee aan doonayaa amma jecelahay waa in aan u noolaado sida qof caadi ah. Ilaa hadda ma garanayo waxa markii horeba la ii xidhay ee aan geystey. Waxa la i soo daayey siddeed sano ka bacdi markii aan xidhnaa, iyada oo aan wax maxkamad ah la i geyn oo aan la igu soo oogeyn wax dacwad ah.
Waxa suurtogal ah in dabagalka sii kordhaya ee bartilmaameedka laga dhiganayo Soomaalida adduunka ku kala dhaqan, in taasi ay keento, sidii duullaankii Itoobiya ee Soomaaliya ee 2006-dii oo kale, inay sii fogeyso oo ay sii kiciso mujtamacyada Soomaalida, una horseeddo weerarro kale oo dheeraad ah oo ay ka geystaan gudaha iyo debaddaba.
Waxay noqonaysaa arrin khalad ah in lagu doodo in intii ka horraysey soo-bixitaankii Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah, in aanay ka jirin Soomalia dagaallo Islaami ahi. Sida ka lagu soo xusay cutubkani, waxa sannado badan ka jirey Soomaaliya kooxo xagjir ah, in kasta oo ay ahaayen wax kooban oo aan sida u sii ridneyn.
Dilkii sannadkii 2011 lagu diley magaalada Muqdishu madaxii qaybta al-Qaacida ee Afrikada Bari, Fazul Abdullah Mohamed, waxay caddaynaysaa in Soomaaliya ay hoy u ahayd hawlwadeennada saresare ee caalamiga ah ee al-Qaacida. Weli ma kala cadda in Fazul Abdullah Mohamed uu soo degey oo uu xarun ka dhigtay Soomaaliya intii ka horraysay soo-bixitaankii al-Shaab amma intii ka danbaysey.
Laakiin xaqiiqada ah in ururkaasi uu ilaa sanadihii labada kun aakhirkoodiiba uu gacanta ku hayey qaybo badan oo ka tirsan koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, oo ay ku jiraan qaybo badan oo ku yaal magaalo- madaxda Muqdishu, ayaa dalkaasi ka dhigtay meel soo jidata oo hoy u noqota hawlwadeenno sarsare oo ka tirsan dhaqdhaqaayada Islaamiyiinta caalamiga ah.
Mar kale, Maraykanka iyo dawladaha isbahaysiga ay leeyihiin waxay khalad ka fahmeen xaaladaha ka jira Soomaaliya. Waxay si degdeg ah u qaateen in Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahaa ay yihiin wax khatar ah. Fahamkaasi khaldani waxa laga yaabaa in uu si aan ku- talo-gal ahayn oo kama’ ah kaalin uga qaatay soo- bixitaanka dagaallo Islaami ah oo ka dhaca dalkaasi.
Waxa laga yaabaa inay ka roonaan lahayd in dawladaha debaddu ay aqoonsadaan, halkaasina ka sii ambaqaadaan, guulaha cumtama ee wax-ku-oolka ah ee Maxkamadihii Islaamiga ahaa (UIC) ay soo hoyeen, lana shaqeeyaan, kuna caawiyaan sidii loo dhisi lahaa qaran dawli ah. Laakiin halkii ay taasi ka samayn lahaayeen, xukunkii ayay ka tureen, waxayna baabiiyeen dedaalkii ugu weynaa ee lagu guulaystey laga soo bilaabo ilaa sannadkii 1991-kii, ee ku saabsanaa sidii dib loogu soo celin lahaa nidaamkii iyo deganaanshihii koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.
Natiijada qudha ee ka dhalatay siyaasaddaasina waxay noqotay soo-bixitaanka ururka al-Shabaab oo ka sii fog, kana sii xagjirsan kuwii hore, yeeshayna weji caalami ah, soona jiitey dagaalyahanno ajanebi ah, siina kordhiyey cabsidii laga qabey in Soomaalidu ay qaadaan weerarro Islaami ah oo laga fuliyo Marykanka dhexdiisa.
Waxan hor taaganahay qaybta ‘Soomaaliya’ ee aqalka kaydka buugaagta ee Machadka daraasooyinka Bariga iyo Arrimaha Afrika ee London (School of Oriental and African Studies library.) Markii aan sidaa isha u mariyey buugaagta taalla khaanadaha, waxa igu soo boodey noocyadan cunwaannada soo socda ee ku saabsan waxyaabihii laga qoray Soomaaliya: Soomaaliya: Dawlad Dagaal Kula Jirta Isla Dadkeedii, Qarankii Dumey, Ka soo Bilaw Siyaasad Xun ilaa Xaalad Wada Qasan Dalkii Soomaaliya, Soomaaliya oo Kala Burburtay, La-Haystayaal: Dadkii Iyaga Laftoodu Is-Afduubay, Khayaamayntii Soomaaliya, Jidkii Eberka, Isbaabiintii Soomaaliya … waxa ka muuqda halkaas oo aad dareemaysaa in uu jiro burbur xad-dhaaf ah, guuldarro iyo rajo la’aan weyn.
Sawirka amma muuqaalka guud ee laga qaadanayo Soomaaliya waa dal ‘fashilmay’ oo aan dawlad lahayn, dadkiisii ku noolaana aan faraha waxba ugu jirin oo gacantooda ay ka baxday arrimaha la xidhiidha wax ka qabashada aayahooda danbe; meel wax walba ay burbureen, waxa guud ahaan jira ee caamka ahina ay yihiin iska horimaadyo, gacan-ka-hadal iyo macaluul.
Ujeeddada cutubkani waa in uu su’aalo iyo dood ka keeno caadi ahaan sida loo arko iyo fikradaha laga haysto Soomaaliya, dhinac kalena uu wax ka eego oo uu ka warbixiyo. La iskama indhatiri karo dhibaatada iyo khatarta ka jirta halkaasi, laakiin haddana waa in aan loo ogolaan in kuwaasi ay wada hadheeyaan oo ay si buuxda u qariyaan dhinacyada kale ee laga sameeyey dalkaasi horumar cuntama oo wax-ku-ool ah, laga soo bilaabo 1991-kii.
Soomaaliya waxay mar kasta ugu horraysaa liiska dalalka iyo dawladaha adduunka ee fashilmay, waxayna xagga sare kaga jirta dhinac kasta oo muujinaya qiyaasaha sare ee lagu asteeyo ‘guuldarrooyinka’ amma burburka xagga arrimaha ijtimaaciga ah ee bulshada, kuwa dhaqaalaha iyo siyaasadda intaba.1
Warbixin laga sameeyey sannaddii 2010 tirokoobka iyo xisaabinta sida ay iskugu xigaan ‘dawladaha
fashilmay’ ee adduunku, oo uu sameeyey machadka daraasooyinka ee la yidhaa Sanduuqa Nabadda ’Fund for Peace’ oo ka tirsan Maraykanka, Soomaaliya waxay ka dhigantay sidii horyaal ku badiyey ciyaarihii Olombikada oo kale, waxayna keentay oo ay si sugan u heshay ’dhammaan 10-kii dhibcood’ ee laga rabey, saddex ka mid ah 12-kii qaybood ee laga qiyaas qaadanayey burburka iyo guuldarrooyinka. Qaybihii kale badankoodana waxay heshay ilaa min ’9 dhibcood’. 2011-kiina, waxay sannad kasta mar afraadkii maraysay haddana dalka ugu horreeya liiskaasi guuldarrooyinka.
Marka la eego warbixinnada warbaahinta, warbixinnada qaarkood iyo daraasooyinka dhaadheer ee baaxadda leh ee ay qoraan ururrada xuquuqda banii’aadamka, khubarada iyo machadyada baadhitaanka, akademiyooyinka iyo meelaha kaleba, waxay had iyo jeer u xusaan oo ay ku tilmaamaan Soomaaliya ’qaran fashilmay’, taasi oo horseedda in laga qaato dalkaasi fikrad ah in aanay ka jirin haba yaraatee wax si hagaagsan oo caadi ah u shaqeeya amma socda, in waxa qudha ee ka jiraa ay yihiin dhiig daadanaya, iyo dal ay qarqiyeen qas iyo nidaamdarro. Muuqaalka noocan ahi waa mid horseedaya fool-habaw amma khalad, waxayna taasi siyaabo badan oo suurtogal ah uga qayb qaatay siyaasadaha habawsan iyo mawqifyada jahawareersan ee ku aaddan Soomaaliya, kuwaaso oo aan ku koobnayn oo qudha dawladaha ajanebiga ah ee debadda, laakiin sidoo kalena saameeyey hey’adaha, ururrada wax u ololeeya, maalgeliyayaashii la fili lahaa iyo dhinacyo kaleba.
Sidii loola macaamili lahaa ee wax looga qaban lahaa dalalka loo arko ’qarannada fashilmay’ ayaa ka mid noqotay qaybaha ugu muhiimsan siyaasadda arrimaha debadda ee dawladda Maraykanka. Sannaddii 2002-dii, Qorshaha Istraatijiyadeed ee Nabdsugidda Qaran ee dawladda Maraykanka waxa uu sheegayey in “haatan khatarta Maraykanka kaga soo fool leh dalalka awodda leh ee xoogga wax ku qabsan karaa, in ay ka yar tahay tan innagaga iman karta kuwa fashilmaya ee sii burburaya’. Qorshaha Istraatijiyadeed ee Gaashaandhigga Maraykanku waxa uu isna sanaddii 2008 u arkay oo uu u aqoonsaday in ’fashilka amma
guuldarrada’ ku timaadda dawlad, inay la iman karto khatar weyn oo xagga nabadgelyada ah; waxana ka mid ahaa warbixintaasi: ’ Awod-darrida dawlado badani
aanay awodi karin inay si sugan u ilaaliyaan nabadda iyo deganaanshahooda, amma ay la shaqayn karaan jaararkooda si wax looga qabto oo loo hubiyo nabadgelyada iyo deganaanshaha goboleed, waxay arrimahani la imanayaan khatar iyo dhibaato ku timaad hannaankii caalamiga ahaa … Haddii aan wax laga qabanna, deganaansho la’aanta noocaas ahi waxay noqon kartaa mid sii faafta, oo saamayn kartan, khatarna ku noqota gobollada ay ku xidhan yihiin danaha Maraykanka, dalalka aynnu la leenahay isbahaysiga, iyo saaxiibadeen.’
Ereyada ’qaran fashilmay’ ma aha qaar loo fasiri karo oo loo qaadan karo si dhexdhexaad ah oo aan dhinac u xaglinayn. Qoraaga Noam Chomsky, waxa uu sannaddii 2006 ka qoray buug dhan oo uu ku dabbaqayo ereyadan dawladda Maraykanka.2 Tilmaamaha iyo fasiraadaha qaar ee lagu asteeyo ’qaran fashilmay’, waxa ku jira kuwo lagu dabiqi karo marka laga doodayo xaaladda Soomaaliya, laakiin waa in aanay noqon qaar si maldahan uun loo yidhaa oo loogu isticmaalo guud ahaan wax kasta. Waa in si sugan loogu isticmaalaa qaybaha iyo dhinayada ku bannaan in lagu sifeeyo weedhahaasi, xilliyada gaar ee taariikhda dalkaasi. Xarunta Baadhitaanka Dalalka Qalalaasuhu ka jiro ee Jaamicadda Culuunta Dhaqaalaha ee London, waxay ku macnaysaa weedhan ‘qaran fashilmay’, dal amma dawlad ’ tahli waayey inay gutaan xilkii iyo waajibaadkii ka saarnaa daryeelka arrimihii asaasiga ahaa ee nabadgelyada iyo horumarinta, isla markaasina aan wax awod iyo maamul ah ku lahayn ilaalinta dhulkooda iyo xuduudihiisa’. Tani waa mid la xidhiidha oo lagu dabbiqi karo qaybo ka tirsan Soomaaliya, gaar ahaanna gobollada koofureed iyo kuwa badhtamaha ee dalkaas. Waxa kale oo isna faa’iido leh oo halkan wax ku biirinaya qoraalka aqoonyahanka Maraykanka ah ee Robert Rotberg ee 2002, ee uu kaga hadlay ’Wejiga Cusub ee Faashilnnimada amma Guuldarraysiga Qaran Dawli ah’; kaasi oo uu ku macneeyey ’qaran fashilmay’ in lagu tilmaami karo dal ’ ku jira xaalado kacsan, aan xassiloonayn oo dagaallo iyo khilaafyo qota dheeri ka oogan yihiin, khatar ah, oo ay si xoog leh ugu looltamayaan kooxo dagaallamayaa’ iyo in uu dalkaasi u noqon karo ’hoy iyo gabbaad martigeliya oo ay ku noolaan karaan kooxo iyo ururro aan ku xidhnayn amma matilin dawlad dhexe oo qaran – sida qabqablayaal dagaal iyo ururro argagixiso’.3
In kasta oo si kasta iyo dhinac kasta oo laga eegaba ay u ‘burburtay’ dawladdii dhexe ee Soomaaliya, haddana waxay noqonaysaa arrin khalad ah in loo qaato in burburkii dawladdaasi uu horseeday in aakhirkii wax kasta oo kaleba ay iyaguna sidoo kale wada baaba’een dalka oo dhan. Sababaha warbaahinta iyo warbixinnada kaleba ay u bixiyaan muuqaalka amma fikradda ah in dhammaan Soomaaliya oo idili ay tahay meel ‘guudarraysatay’ oo burburtay, waxa ka mid ah sababahaasi in si weyn indhaha loogu hayo oo qudha xaaladda magaalada-madaxda Muqdisho, oo loo muujiyo in dalka oo dhammi sidaasi wada yahay; magaalada Muqdishu oo ku-dhawaad maalin kasta lagu laayo dad rayid ah, ayna ka jiraan xaalado qasan iyo dagaallo aan la sadaalin karin oo u dhexeeya dagaalyahanno ku xidhan al-Qaacida,, maleeshiyooyin beeleed, kooxo budhcad ah, ciidammo daacad u ah ‘dawlad dhexe’ oo aan tamar lahayn, iyo ciidammo nabad-ilaalineed oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika. Waxa xaaladahaasi ku soo biiray budhcad-badeedda, dadka ajanebiga ah ee afduubka loo qabsado, iyo weerarrada kooxaha islaamiyiinta ah ee Soomaalidu ay ku qaadayaan dalalka kale, kuwaasi oo abuuray ‘jawigii iyo xaaladihii aan caadiga ahayn ee ku habboonaa’ in warbaahintu ay danayso oo ay soo jiidato. Soomaaliya waxa laga helayaa oo ka buuxa agab kasta oo looga baahan yahay ‘warka xun ee dhiillada leh’; sidaasi awgeedna waxay ilo fiican u tahay warbaahinta, taasi oo aad u wafaqsan amma ku bannaan cuqdadaha laga qabo iyo fikradaha laga aaminsan yahay Afrika. Tani waxay ka muuqataa maqaalad uu qoraaga Ian Birrel uu ku soo daabacay jariidadda The Observer, oo uu kaga hadlayey wararka iyo warbixinnada maanta ee Afrika, qayb ka mid ahina u dhignayd sidatan:
Bal ka fikir Afrika. Dad badan waxay uga dhigan
tahay marka la soo qaado magaceega iyo xaaladaheega oo madaxooga ku soo dhacaya macaluul, saboolnnimo, cudur , khilaafyo. Waa afarta astaamood ee rukunka u ah aafada iyo halaagga weyn ee ku habsadey Afrika. Suxufiyiinta ku daba jira ee raadinaya waxay wax ka qoraan amma ka sheekaan waxay eegeegayaan wararka iyo arrimaha la xidhiidha dhimasho, aafo amma masiibooyin iyo burbur, iyadoo dhinaca kale hey’adaha samafalku, si ay u helaan deeqo, ay sii xoojiyaan fikradaha aan qiilka lahayn iyo cuqdadaha laga qabo Afrika, iyaga oo soo bandhiga caruur la il daran nafaqa-darro iyo dadka waaweyn oo dhimanaya.4
Sababtuna waxa weeye in ’afartan astaamood’; iyo kuwa kaleba ay ka jiraan Soomaaliya, sidaasi awgeedna ay u fududahay in suxufiyiintu ay si sahal ah uga gadi karaan tifaftirayaashooda wararka iyo warbixinnada la xidhiidha xaaladaha Soomaaliya, iyaga oo u dhigaya amma ku tilmaamaya ’aafadii iyo halaaggii ugu weynaaa ee Afrika’. Dadweynaha kala ah dhageystayaasha, daawadayaasha, iyo akhristayaasha warbaahintu waxay si gaar ah ugu dhega nugul yihiin wararka iyo warbixinnada ku saabsan ’aafooyinka iyo darxumada Afrika’, sababta oo ah in kuwaasi ay yihiin waxa la siiyey mudnaanta kowaad ee la baray inay ka filaan Afrika. Xaaladda Soomaaliya-yana waa mid si sugan ugu bannaanaan karaysa oo loogu dabbiqi karo xaaladaha ’dhimashada, burburka iyo halaagga’ ee qalabka warbaahintu uu guud ahaan ka qoro amma ka faafiyo, in kasta oo ay ku danbayso in sawirka ay ka bixinayaan dalkaasi uu noqdo mid xaddidan oo aan dhammays ahayn, iyo xaqiiqada ka jirta gudaha oo dhalan rogan.
Waxan qirayaa in marka aan qorayo wararka iyo warbixinnada ku saabsan dagaallada Muqdidishu, waxaan is arkaa aniga oo si aan u kas ahayn ay ii jiidanayaan oo ay ii hoggaaminayaan waxyaabihii iyo weedhihii caanka ahaa ee hore loogu bartay halkaasi oo farahaygu boobayaan marka aan wax qoraacayo ee aan qorayo. Waxan mar walba is arkaa aniga oo ku bilaabaya weedhaaha ay ka mid yihiin, ’ Shaqaalaha caafimaadka ee jooga magaalo-madaxda Soomaaliya ee
Muqdishu waxay sheegayaan in ugu yaraan tiro ilaa X gaadhaysa ay ilaa hadda ku dhinteen dagaallada u dhexeeya kooxaha Islaamiyiinta ah iyo dhinaca kale ciidammada dawladda ku-meel-gaadhka ah oo ay taageerayaan ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika.’ Waxan meesha u soo geliyey oo aan u adeegsanayaa ereygan ’ ugu yaraan’ ka hor inta aanan sheegin tirada dadka ilaa hadda lagu diley halkaas, sababta oo ah in tiradaasi dhimashado ay sii kordhi karto isla maalintaasi dagaalladu ay socdaan dhexdeeda.
Iyada oo tafaasiisha iyo sifaha laga bixiyo Soomaaliya ay inta badan ku kooban yihiin oo laga hadlo uun dhinacyo xaddidan oo ku kooban waxyaabaha laga aaminsan yahay iyo cuqdadaha laga qabo, ayaa waxa jira in dad badani aanay weli fursad u helin inay si dhab ah u fahmaan dalkasi, una arkaan in uu yahay wax amma si ka duwan qaran ’fashilmay’ amma ’aan wax qabsan karayn oo aan lahayn xaddaarad iyo horumar’, isla markaasina khatar weyn oo sii kordhaysa ku ah lafahiisa iyo caalamka kale. Hal-hayskani ’qaran fashilmay’ waxa waxa uu noqday mid faa’iido u yeeshaa oo ay si ku-danaysi ah u isticmaalaan dhinacyada qaar, kuwaasi oo ay ku jirto dawladda Maraykanku, waxayna u adeegsatay inay ku bannaysato oo ay qiil uga dhigto siyaasadaheega ku waajahan Soomaaliya. In loo sawiro oo loo soo bandhigo xaaladaha Soomaaliya siyaabahaasi xaddidan ee ku kooban uun dhinacyada qaar, kama qarinayso oo keliya inay dadku arkaan amma ogaadaan sawirka iyo xaqiiqada runta ah ee ka jirta gudaha; laakiin waxa kale oo ay horseedday siyaasado jahawareersan oo aan sugnayn oo dhibaatada ka dhalatay aanay saamayn Soomaaliya gudaheeda oo qudha, laakiin ay mararka qaar saamaysay iyana quwadaha debadda ee isku deyayey inay fuliyaan siyaasadahaasi.
Soomaaliya ma buuxinayso midna qaababka la yaqaan haatan ee u dhigmi karaa ’qaran dawli ah’, hasse ahaatee taas macnaheedu ma ahaa inay tahay dhammaan meel si buuxda u wada baaba’day oo kala burburtay. Xattaa magaalada muqdishu oo dagaallo is dabajoog ahi ay waxyeelleeyeen labaatankii sano ee la soo dhaafay, haddan waxa ka jira dhinacyada qaar waxyaabo badan oo weli ‘shaqaynaya’, oo si ahaan u nidaamsan. Tusaale ahaan waxa jira adeegyada baabuurta gurmadka degdegga ah iyo shaqaalahoodii oo maalin kasta khatar ku gelinaya naftooda inay ku wareegaan oo ay kaga dhex shaqeeyaan baabuurtaasi magaalada, si ay u raadiyaan, una soo daadgureeyaan meydadka dadka ku dhinta dagaallada iyo kuwa ku dhaawacma.
Mar aan tegey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdishu bishii January ee 2011, waxay ahayd goob habaysan oo ranji cusub oo dhalaalayaa ka muuqdo. Rag buurbuuran oo caddaan ah, oo sitta lebbis shaqaale iyo shaadhadh gacmo-gaab ah oo ku dhejisan, una shaqeenayey shirkad magaceega la yidhaa SKA, ayaa si firfircoon oo milaterinnimo halkaas uga wadey hawlihii shirkaddaasi. Diyaaraddii aan ka soo raacay magalada Nairobi ee ku socotey Muqdishu-, waxa kale oo la socdey dad ganacsato ah oo Soomaali ah iyo goysas fara badan oo ka soo noqonayey fasaxyadoodii. Waxan fadhiistay meel ku xigtey kursi ay fadhiday qof dumar ah oo aad u bilicsan, oo deggan dalka Canada, laakiin halkan u timid si ay u soo eegto fursadaha ganacsi ee ka jira magaalada Muqdishu. ’Lacag aad u fara badan ayaa halkan laga samayn karaa,’ ayay igu tidhi. Waxayna intaas raacisay, ’ Waxan ku talo jiraa in aan qandaraasyo waaweyn oo lacag badani ku jirto la galo ciidamada nabad-ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika oo aan u keeno waxyaabaha ay u baahan yihiin.’
Dawlado yaryar (Mini-states)
Qayb ka mid ah Soomaaliya oo aan hubaal ahaan lagu dabbiqi karin ereyada ’ qaran fashilmay’, waxa weeye jamhuuriyadda la magacbaxday Somaliland, dalkaasi oo dib-u-dhis ka samaynaya burburkii dagaallada iyo dhismaha nidaam dawladnnimo oo shaqaynaya. In kasta oo aanay haysan aqoonsi caalami ah, haddana Somaliland waxay leedahay dhaqaale kobcaya iyo nidaam siyasadeed oo diimooqoraaddi ah oo u shaqaynaya si ka fiican dalal badan oo kale oo ka tirsan qaaraddaasi. Sida aan kaga hadli doono hadhow cutubkan dhexdiisa, waayo-aragnnimada iyo xaaladaha Somaliland waa qaar aad uga duwan in lagu tilmaamo dal ’faashil ah’ amma guuldarraystay, ilaa iyo intii ay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda sannadkii 1991-kii.
Somaliland waa tan ugu mudan ee loo soo qaadan karo tusaale xagga horumarka iyo deganaanshaha, laakiin waxa jira qaybo kale oo ka tirsan dhulka Soomaalida oo sidoo kale muujiyey inay yihiin qaybo siyaasadeed oo shaqayn kara, horumarna samayn kara, kuwaasi oo ilaa iyo heerar kala geddisan ku guulesyey wax- qabadkaasi. Waxa jira maamul-goboleedka Puntland oo xuduud la leh Somaliland, oo ilaa iyo 1998-kii lahaa madaxweynahooga, dawlad iyo maamul-goboleed. May raacin iyagu tubta Somaliland oo iyadu ku dhawaaqday madaxbannaani, waxayse u shaqaysaa siddii ‘dawlad- yar’ oo kale oo ka tirsan Soomaaliya. Puntland waxay la kulantay dhibaatooyin dhawr ah, waxay ku lug leedahay khilaaf dheer oo muddo soo socdey oo xagga xuduudda ah, mararka qaarna isku bedelayey gacan-ka-hadal, oo u dhexeya iyada iyo Somaliland. Waxa kale oo soo martay xisado dhawr ah oo waaweyn oo siyaasadeed, oo dagaallo ay ku jireen. Muddo sanado ahna, waxay u ahayd saldhig weyn oo ay ka ololaystaan budhcad- badeeddu. Laakiin xaaladaha ka jira dhulkaasi ballaadhan, lagama mid dhigi karo xaaladaha sida weyn u qasan iyo dagaallada ka taagan koonfurta shishe ee Soomaaliya.
Ku-dhawaaqidda maamul-goboleedyo hoose oo si ahaan u madaxbannaan oo ah ‘dawlado-yaryar’, waxay noqotay qaabab la xiiseeyo oo la daneeyo xilligan ilaa sanadihii u danbeeyey ee la soo dhaafay, gaar ahaanna ay wadeen siyaasiyinta Soomaalida ee ka tirsan qurba- joogto. Sannaddii 2011-kii, qaar ka tirsan ‘dawladahaasi yaryar’ ayaa u shaqaynayey sidii qaybo ilaa heer goonidooda u kobci kara oo shaqayn kara, waxana ka mid ah gobollada dhexe ee Soomaaliya ee Ximin iyo Xeeb, kuwaasi oo lahaa ‘madaxweyne’ ka yimid qurba-joogta Soomaalida ee deggan Maraykanka. Waxa kale oo ka mid ah Galmudug oo isna ‘madaxweynaheedu’ uu yahay Soomaali Ingiriis ah. Hasse ahaatee maamul- goboleedyadaasi waxay ahaayeem kuwa aad u jilicsan, halisna ugu jira weerarro kaga yimaadda al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubaysan.
Dadweynaha ku nool gobolladaasi waxa ka muuqatey inay u arkayeen maamuladaasi gudaha kuwa sharcinnimadooda iyo aqabalaaddoodu ay ka badan tahay, kana mudan tahay tan dawladda dhexe ee Muqdihu fadhida, shaqadoodu iyo wax-qabadkooduna ka wax-ku- oolsan yahay. Tusaale ahaan bishii november ee 2010 markii la soo daayey lammaanihii Ingiriska ahaa ee Paul iyo Rachel Chandler, ee ay soo daayeen kooxdii budhcad-badeedda ahayd ka dib markii ay haysteen muddo sannad ka badan, ‘maamulkii’ markaasi loo dhiibey qoyskaasi waxa uu ahaa ‘madaxweynihii’ gobolka Cadaado, Mohamed Adan. Waxa uu ahaa mudane Mohamed Adan qofkii markii ugu horrayseyba telifoon iigu sheegay siideynta qoyskaasi reer Chandler, iyo meesha, goorta, iyo habka loo sii deyn doono. Mar danbe ayuu haddana i soo wacay oo uu ila socodsiiyey in lammaanahaasi la soo geliyey gactiisa iyaga oo bed qabaa oo fayow, lana siiyey adeeg uu ku tilmaamay ‘biyo ay ku qubeystaan oo ay ku nafisaan’ iyo ‘qureec aad u fiican oo dhandhamaysa’. Qoyskaasi reer Chandler, waxa markii danbe loo duuliyey xagga magaalada Muqdishu, si looga qaado sawirro ay kula jiraan xubno ka tirsan dawladda ku-meel-gaadhka ah. Tani uma muuqan ujeedadeedu inay tahay wax wax sidaas ah ka badan is-tus loogu talo galay warbaahinta, si loogu muujiyo adduunka indhaha ku hayey arrintani in dawladda dhexe ay masuul ka ahayd oo ay ka shaqaysay hawlgalladii siideyntan.
Qaar ka tirsan ‘dawladahan yaryar’ ee Soomaaliya, waa in aan loo qaadan si dhab ah oo tixgelin culus mudan, sababta oo ah iyaga oo aan wax sidaas ah ka badnayn amma u jira magac ahaan uun. Run ahaantiina waa wax asal ahaan dhalanteed ah, kana mid ah dhulalka riyada ah ee ay ku hammiyayaan siyaasiyiinta debadda ku nool ee u hamuumaya awod xukun oo ay helaan, laakiin awoddoodu aad u yar tahay. Abuurista mid ka mid ah dhulalka noocaas ah waxa lagu dhawaaqay bishii march ee 2011-kii, waxana ku dhawaaqay wasiirkii hore ee gaashaandhigga, Mohamed Abdi oo loo yaqaanno ‘professor Gandhi’. Waxa uu ku dhawaaqay gobolkaasi cusub oo loo bixiyey ‘Azania’, oo ka kooban dhul aad u ballaadhan oo ku fidsan koonfurta Soomaaliya, laga soo bilaabo magaalada istaraatijigga ah ee dekedda koonfureed ee Kismayo ilaa iyo xadka Kenya. Xaqiiqada ah in ’professor Gandhi’ uu kaga dhawaaqay arrintani Kenya dhexdeeda, iyada oo in badan oo ka tirsan gobolladaasi ’Azania’, oo ay ku jirto magaalo-madaxda Kismayo, ay gacanta ku hayeen ururka Al-shabaab, tallaabadani waxay ka dhignayd mid aan wax macno ah iyo qiimo muuqda sideedaba aan ku fadhiyin.
In kasta oo burburkii dawladdii dhexe uu ahaa sababta horseedday soo ifbixitaanka al-Shabaab iyo ururrada kale ee Islaamiyiinta ah iyo inay noqdaan ururro awod leh oo maamul kale samaysan kara, haddana qaybaha ay ka taliyaan laguma tilmaami karo qaar qasan oo aanu maamul iyo nidaam sharci ka jirin. Qaybaha badan ee ka tirsan koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya ee ay ka taliyaan miliishiyooyinka Islaamiyiinta ah, waxay ku shaqeeyaan oo ka jira xukunno adag; oo ah qaab ka mid ah ’qaababaka aadka u qallafsan ee u adag’, oo lagu soo rogey qaybahaasi.
Hab-dhaqankii nolosha caadiga ah ayaa si aad u qallafsan loo xaddidey, waxa luntay oo meesha ka baxay xorriyaad badan. laakiin haddana meelaha ay sida buuxda u maamulaan al-Shabaab ayaa ka nabadgelyo iyo badbaado fiican qaybo badan oo kale oo ka tirsan dalka. Dad dhawr ah oo asaxaab iyo jaallayaal ah oo ka shaqeeya meelaha ay ka jiraan dagaallada iyo deganaansho la’aanta Soomaaliya, gaar ahaanna Muqdishu, waxay u direen qoysaskoodii degaannada ay al-Shabaab ka taliyaan si ay ugu noolaadaan halkaasi, sababta oo ah in degaannadaasi ay ka badbaado badan yihiin meelaha kale, haddii dadkaasi ay dhawraan qawaaniinta lagu maamulo.
Waayo-aragnnimada Soomaaliya, laga soo bilaabo dhicitaankii Siyaad Barre, waxay tusaalooyin fiican u noqonaysaa sida mujtamaca uu u shaqayn karo ee uu u noolaan karo iyada oo aanay jirin dawlad dhexe oo shaqaynaysa oo wax ku filani. Waxa kale oo ay muujinaysaa awodda ay Soomaalidu u yeelan karto inay yeeshaan hal-abuur amma inay ikhtiraaca farsamooyin iyo habab kale oo ay ku noolaan karaan, iyo sida ay ugu adkaysan karaan, ugana soo waaqsan karaan dhibaatooyinka. Somaliland waa tusaalaha ugu weyn ee ugu mudan bislaanshaha iyo degganaanshaha ilaa heerkaas marka loo eego qaababka cusub ee siyaasadeed ee samaysmay, waxana soo raacda Puntland. Dhulalka ay ka taliso al-Shabaab waxa ka jira qaabab kale oo Islaami ah. Waxa iyaguna jira qaabab kale oo hoose oo gudaha ah oo noqon karaa tusaalooyin kale, in kasta oo inta badan ay yihiin qaar aan degganayn oo aan wax badan sii jirin, kuna kooban qaybo yaryar oo xaddidan. Waxa ka mid ah degaannada ay ka soo jeedaan, kana taliyaan qabqablayaasha dagaalka, hoggaamiyayaasha beelaha, isbahaysiyada amma danwadaagta ganacsatada, iyo kooxaha diintu. Sida aynnu ku eegi doonno cutubka soo socda, ururro bulsho oo yaryar, iyo suuqyare dhaqaale ayaa ka samaysmay xatta degaannada ay ka jiraan budhcad-badeeddu
Dhaqaalaha (The Economy)
Dhinacyada sida weyn ee layaabka iyo xiisaha leh loogu guulaystey xilliyadii ’guuldarrada iyo fashilka’ qarannimadii amma dawladnnimadii Soomaaliya, waxa ka mid ah dhinacydaasi xagga dhaqaalaha, oo muujiyey soo-kaabasho weyn oo qeyra-caadi ah, dhaqaalahaasi oo isku qaabeeyey, mararka qaarna ka faa’iideystey maqnaansha amma jiritaan la’anta dawlad dhexe oo xoog leh.
Qoraaga Peter Little, waxa uu qoray 2003-dii buug xiiso leh oo la yidhaa, Soomaaliya: Dhaqaale aan lahayn dawlad ka danbaysa, buuggaasi oo uu kaga hadlayo sida waaxyaha dhaqaale ee qaar, gaar ahaanna xoolaha nool, ay u kobceen, una tanaadeen, iyada oo aanay jirin dawlad dhexe. Waxa uu soo bandhigayaa sawir ku saabsan dalkaasi, laakiin aad uga duwan kan inta badan lagu soo badhigo warbaahinta iyo warbixinnada kale. Waxyaabha uu ku qoray buuggaasina waxa ka mid ah:
Laga soo bilaabo burburkii dawladda dhexe iyo wax kasta oo ahaa hadhaageegii, waxa aad u adkayd in la isqabadsiiyo oo la isbarbar dhigo qaska, macaluusha, nidaamdarrada iyo iska-horimaadyada mar kasta ku soo baxayey ee laga daawanayey warbaahinta reer Galbeedka, iyo dhinaca kale warbixinnadaydii ku ladhnaa ee ku saabsan nolosha ijtimaaciga ah iyo tan dhaqaale ee Soomaalida.
Waa wax u muuqda inay tahay arrin aan isqabanayn oo aan la isku xidhi karayn … Iyadoo ku xidhan qof walba aragtidiisa iyo dhinaca uu wax ka eegayo, Soomaaliya waxay yeelan kartaa laba weji oo kala ah yididiilo fiican oo dhaqaale – hab dhaqaale oo hantigoosi amma maalqabeennimo oo si xor ah u shaqaynaya, iskiina u socda, oo aan ku tiirsanayn jiritaan dawladeed, iyo dhinaca kale walaac iyo rajo-la’aan siyaasadeed. Caalami ahaan sida loo arko Soomaaliya iyo muuqaalka guud ee yeelanaysa waa tusaalaha dalalka ’ aan weligii iyo weligii ’ noqon qaran dawli ah oo taabbagal ah, diblomaasiyad faashil noqotay, iyo inay u taagan tahay dawlad-la’aan tan ugu muddo dheer ee ilaa hadda la arkay inay soo martay qaran, taariikhdan casriga ah ee adduunka.5
Daraasooyin kale oo laga dheegtey baadhitaan tirokoobyo oo ay sameeyeen heydaha Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysa, Bangiga Adduunka, iyo hey’adaha kale ee caalamiga ah, waxa kale oo daraasooyinkaasi ay muujinayaan sida run ahaantii uu u koray dhaqaalaha Soomaalidu, taasi oo ka geddisan wixii laga filayey, sannadihii badnaa ee aanay jirin dawad dhexe oo wax ku filani. Warbixin uu soo saaray machad ku yaal dalka Maraykanka oo la yidha ’Machadka Madaxa Bannaan’ ’the Independent Institute’ sannaddii 2006-dii, oo uu cunwaan uga dhigay ’Soomaaliya Burburkii Dawladda ka Bacdi: Qas mise Horumar?’, waxa uu faahfaahin kaga bixinya xaaladda koboca dhaqaale ee haatan:
Iyada oo ah arrin aad uga fog xaalad qalalaase iyo burbur dhaqaale, waxa nooga soo baxay daraasooyinkan, oo aan aragnay in Soomaaliya guud ahaan ay aad uga fiican tahay heerkii ay maraysey marka loo eego xattaa markii ay lahayd dawlad. Shaqaynta uu shaqaynayo nidaam iyo hab dhaqaale oo asaasi ahi, waxa suurtogal ka dhigaya jirintaanka xeerar ku dhisan habab dhaqan oo dadka u dhexeeya, oo lagu xalliyo khilafaadka, iyo nidaam lacageed oo dhaqaale oo aan ku xidhnayn dawlad. Marka sidaas loo eego ee asaaskaasi laga duulo, waxan arkaynnaa in ganacsiga madaniga ah ee magaalooyinka iyo dhaqdhaqaaqa baayacmushtariga, inay suurtogal tahay inay socdaan oo ay shaqeeyaan amma kobcaan. Waxa kale oo ballaadhay amma horumaray waaxyihii dhaqaalaha miyiga … Ganacsigii madaniga ahaa ee magaalooyinka, Sharikadihii caalamiga ahaa, iyo dhaqaalihii miyiga ee reer-guuraaga daaqsatada ah iyo beeraleyda, waxay noqdeen qaar dhammaan shaqeeya oo ka dhex socda Soomaaliya oo aan dawlad lahayn, taasi oo keentay in lagu guulaysto in la helo heer nololeed oo dalka ka jira, oo la mid ah amma ka sarreeya kan ummadaha dalal kale oo badan oo Afrikaan ah.6
Sida lagu sheegay isla warbixintaasi, Machadkaasi la yidhaa Machadka Madaxa Bannaan, waxa uu ka baaraandegey kana qiyaas qaatay ilaa saddex iyo toban hal-beegayaal oo qodob. Waxana ka mid ah heerka amma tirada dhimashada, qiyaasta la fili karo in cimriga qofku uu gaadhi karo waqtiyadani. Waxan u soo baxday in in kasta oo heerka nolosha caadiga ee Soomaaliya uu noqon karo mid hooseeya marka la barbar dhigo kuwa reer Galbeedka, in haddana ay nolosho guud ahaan fiican tahay marka loo eego dalalka kale ee Afrika.7 Soomaaliya waxay ka gashay oo ay ka mid ahayd 50%-ka ugu sarreeya dalalka Afrika qiyaastii lix qodob oo ka mid ahaa saddex iyo tobanka qodob ee hal-beegayaasha ahaa ee laga tilmaan qaadanayey. Waxayna kuwa ugu hoosseya ka mid ahayd saddex qodob oo keliya oo ay ku jiraan – heerka dhimashada dhallaanka, helitaanka biyo nadif ah oo faya qaba, iyo tallaalka. Dhinacyada qaar ee hal-beegayaashaasi oo ay ka mid yihiin isgaadhsiinta ayaa sameeyey horumar weyn, laga soo bilaabo dhicitaankii dawladda dhexe, iyada oo Soomaaliya ka soo gudubtay kaalintii 29-aad ee ay ku jirtey, una gudubtay kaalinta 28-aad marka loo eego liiska heerarka dalalka Afrika.
Baadhitaan uu Jaamicadda West Virginia uu sameeyey Peter leeson sannadkii 2006 oo warbixin uu ka soo saaray u cunwaan uga dhigay, ‘Dawlad-la’aan ka
Roonaatay Dawladnnimadii: Soomaaliya ka hor iyo ka dib burburkii dawladnnimada’, waxa uu ku eegayaa sida xaaladaha horumarku ay isku bedeleen marka loo eego ilaa siddeed iyo toban qodob oo lagaga qiyaas qaato heerarka horumarka, laga soo bilaabo burburkii dawlad dhexe oo shaqaysa.8 Marka loo eego macluumaad la soo ururiyo sannadihii 1985 – 1990, ee haddana la barbar dhigo macluumad kale oo la soo ururiyey sannadihii danbe ee 2000 – 2005, Peter Leeson waxa u soo baxday in Soomaaliya horoumarkeedu uu ka fiicanaa xilliyadan dawlad-la’aanta, waqtiyadii ay dawlad lahaan jirtey. Marka la eego inta ay ka keentay Soomaaliya saddex iyo toban qodob oo ka mid ah siddeed iyo tobankii hal- beege ee laga qiyaas qaadanayey, si muuqata ayay horumar uga samaysay saddex iyo tobanka qodob intii ka danbaysey burburkii dawladnnimo; waxayse hoos ugu dhacday laba dhinac oo qudha oo kala ah: waxbarashada dadka waaweyn ee heerka wax-qorista iyo wax-akhrinta, iyo heerka tirada caruurta gasha ee la qoro dugsiyada.
Waxa loo baahan yahay in laga taxaddiro oo fiiro gaar ah loo yeesho daraasooyinka ku salaysan macluumaadka iyo tirokoobyada laga soo ururiyo Soomaaliya. Waayo, waxa dhammaan adkayd oo dhibaato ahayd sida loogu kalsoonaan karo ee la iskugu hallayn karo sugnaanshaha macluumaadka laga soo ururiyo dalkaasi, laga soo bilaabo sannadihii 1980-kii, taasi oo sabab ay u tahay xaaladihii khatarta ahaa ee ka jirey dalka gudhiisa, iyo weliba xaqiiqada jirta ee ah in wasaarado iyo waaxyo badan oo dawladdu ay lahayd ay burbureen, wax alla wixii xog iyo diiwaanno amma dhakumantiyo qoraal ah ee yaalleyna ay la baaba’een.
Daraasooyinkan laga sameeyey waxay ka bixinayaan Soomaaliya sawirro cuntama oo wanaagsan, laakiin haddana waa in aan lagu dagmin oo aanay maldahin xaqiiqada ah in boqolaal kun oo Soomaali ah jiritaankoodii noloshu qarka u saaran yahay inay le’daan. Dadka rayidka ah ee lagaga tegey Muqdishu, badankoodu waa intii bixi kari weydey ee meelna u dhaqaaqi kari waayey. Sida laga soo xigtey warbixinnada Qaramada Midoobey, tirada dad ka badan 400,000 oo qof oo ku noolaa degaanno iyo guryo ku meelgaadh ah, agagaarka jidka isku xidha Muqdishu iyo magaalada Afgooye, ayaa warbixintu waxa ay ku tilmaantay in sannadkii 2010- kii uu degaankaasi noqday kan ugu weyn ee ay ku jiraan barakacayaasha gudaha ee ugu badan adduunka. Degaankaasi oo loo yaqaanno ’Jidka Afgooye’, waxa uu noqday kan saddexaad ee ugu weyn degaannada cammiran ee Soomaaliya, marka laga reebo Muqdishu iyo Hargeysa. Sawirrada qalabka sattelite-ku waxay muujinayaan sida degaankaasi oo ahaa mid si caadi ah oo teelteel loo degganaa 2007-dii, sida haatan uu u noqday magaalo weyn iyo xarun ay samaysteen oo ay cammireen dadweynihii barakacayaasha ahaa,, muddo saddex sano ah oo qudha ka bacdi.9 Qaramada Midoobay waxay ku qiyaastaa in dadweynaha Soomaaliya oo ku dhawdhaw guud ahaan ilaa 10 malyuun, in in ka badan 20% tiradaasi ay amma gudaha ku barakacsan yihiin, amma ay noqdeen qaxooti debadda ku nool. Iyadoo baayacmushtarka iyo ganacsatadu ay ka sameeyeen macaash aad u fara badan kana faa’iideysteen burburkii dawladda, ayaa haddana malaayiin qof oo kale ay yihiin kuwa qaba baahi weyn oo aan waxba haysan.
Bishii January ee 2011, waxan la kulmay haweenay magaceegu ahaa Ubax oo waqtiyadaasi ka soo carartay Muqdishu, una soo carartay Nairobi. Waxay taagnayd waddo qarkeed, waddadaasi oo ahyd mid googo’an oo boholo badani ku yaallaan, baabuur guux badanna ay marayaan oo ay dhaafayeen. Waxa horyaalley miis jilicsan oo si xun lugihiisu u qotomaan oo ku dhaw inuu kala dhaco. Miiskaas waxa si nidaamsan u dul wadhnaa dhar waxoogaa ah oo duug ah oo ah dharka caruurta. Haweeneydu waxay xidhnayd xijaab madow oo dhammaan jidhkeeda qariyey, oo ay ku jiraan xatta gacmaha iyo lugaha oo sharabaaddo u gashan yihiin. Waxa qudha ee aan arki karaayey waxay ahaayeen indhaheeda bigbigta hayey.Waxay igu tidhi:
Muqdisho waxan uga imid oo aan uga soo cararay xabbadihii, madaafiixdii iyo duqayntii ka socotey. Waxan uga imid dagaalka aan kala go’a lahayn ee maalinba maalinta ka danbaysa sii soconaya ee aan istaageyn. Waxan uga soo carararay aniga oo aan helin wax alla wax lacag ah oo aan caruurtaydii ku masruufo amma ku quudiyo. Ninkaygii waxa lagu diley dagaalladaasi, mana jirin qof kale oo aan ku tiirsanaadaa.
Waxan ka soo tegey caruurtaydii oo aan kaga imid Muqdishu, waayo ma hayn wax aan ku soo kexeeyo oo aan halkan ku keeno. Waxa i diley warwarkoodii. Laakiin maxaaban u tari karayey ee aan u qaban kari lahaa markii aan halkaasi joogey? Noloshooda kama adkayn oo uma helayn waxa ay cunaan, sababta oo aha dagaalladaas dhan. Waxan bixiyey laba boqol oo doollar si aan halkan u imaaddo. Baabuur ayaan Muqdisho ka soo raacay ilaa xadka Kenya, haddana mid kale ayaa u soo raacay Nairobi. Waxan ilaahay ka baryayaa oo aan rajaynayaa in aan halkan ka helo waxoogaa lacag ah si aan caruurtaydii yaryarayd wax ugu diri karo.
Maqnaanshaha ay meesha ka maqan tahay dawlad dhexe oo wax ku filan oo shaqaynaysaa, waxay keentay madax bannaani dhinacyada qaar ee dhaqaalaha iyo fursadaha oo laga faa’iideysto, laakiin hadda sida qof kasta oo Soomaali ahba uu ku sugan yahay ee xaaladaha dalku u saameeyeen, ayaa ganacsatadana waxa sidoo kale xakameeyey dagaallada iyo nabadgelyo la’aanta. Weli waxay ku khasban yihiin inay bixiyaan cashuuro iyo lacaga dulsaar ah oo ay siiyaan hoggaamiyayaasha kooxaha, maamullada gudaha, kooxaha Islaamiyiinta ah, miliishiyooyinka dekadaha iyo garoommada, iyo kooxaha hubaysan ee jidadka iyo isbaarooyinka. Laakiin, sida Peter little uu ku sheegay qoraalkiisii ‘Soomaaliya; Dhaqaale aan Dawlad lahayn’, ’heerarka cashuuraha iyo xaddidaadda ganacsigu si weyn ayay uga hooseeyaan heerarkii ay ahaayeen wixii ka horreeyey 1991-kii.’10
Mujtamaca Soomaalidu waa mid sida muuqata kaga habboon mujtamacyada kale intooda badan inay la qabsadaan oo ay qabatimaan xaaladaha la’aanta iyo maqnaanshaha dawlad amma maamul dhexe. Waxa suurtogal ah in dalal badan oo kale oo adduunka ka tirsani ay la kulmi lahaayeen dhibaatooyin iyo burbur ka qota dheer, kana baaxad ballaadhan kan Soomaalida, haddii ay sidooda oo kale ku jiri lahaayeen sannado badan oo dawlad la’aan ah. Ku-sugnaanshaha mar walba halis iyo dagaallo soo fool yeelan kara, iyo dhaqdhaqaaq iyo guurguur joogto ah, waxay wax badan ka mid ahaayeen dhaqanka iyo nolosha asaasiga ah ee reer- guuraannimada ee Soomaalida. Dhaqanka bixinta magta dhiigga ee loo yaqaan Diyada waa qaab caymis ah. Isna xeerka Soomaalidu waxa uu yahay nidaam sharci oo kale oo dadweynaha u dhexeeya.Iibsiga badeecadaha iyo isdhaafsiga lacagayowgu waa qaar iyaguna ku dhisan is-aamminaad, macaamil iyo xidhiidh-beeleedyo amma jilibbo. Maqaalad ay Anna Lindley ku soo saartay majalladda Africa Affairs bishii August ee 2009 oo ay ku eegaysey waxa u dhexeeya “Lacgayowga aan Xalaasha ahayn ee Musuqmaasuqa” iyo “Hantida Horumarineed”, ayaa waxa ay ku qortay:
Dhinac ka mid ah dhinacyada cuntama ee’dawlad- la’aanta’, waxa weeye Soomaaliya oo ka faa’iideysatey maqnaanshaha sharciyadii wax xaddidayey iyo nidaamkii maamulka ee sida weyn u xakameynayey hawlaha ganacsiga iyo baayacmushtarka, sharciyadaasi oo si aad ah uga jira qaybaha kale ee Afrika, kuwaasi cunaqabateeya amma cabudhiya dhaqdhaqaaqii iyo danayntii ganacsiga iyo wax-rogrogista, iyo koboca dhaqaalaha … Dad badan oo ka faallooda arrimaha dhaqaalaha ayaa xusay in dagaalladii sokeeye ee Soomaalida natiijooyinkii ka dhashay ay si lama-filaan ah ugu ekaadeen amma u muuqdeen inay keeneen isbedel weyn oo ah qaab barnaamij dib-u- habayneed: Waxay si buuxda u xoreeyeeyeen dhaqaalihii oo waxay meesha ka saareen kontoroolkii iyo sharciyadii dawliga ahaa – waxa madaxbannaanaaday baayac-mushtarkii debadeed, heerarkii sarrifka lacagaha, waxayna meesha ka saareen dhaqaalihii kaabista ee dawladdu ku kaabaysey waaxyaha qaar, waxay baabiiyeen waaxyihii dhaqaalahii dawliga ahaa ee guud. Waxa abuumary sharikado gaar loo leeyahay oo waaweyn oo galay halkii waaxyaha amma kambaniyadii dawliga ahaa.11
Dhaqankooda reer-guraannimada ee Soomaalida ayaa u horseeday marka horeba inay samaeeyaan ganacsi ku bannaan qarnigan kow-iyo-labaatanaad. Waa dad had iyo jeer socda, safra oo ku xidhan caalamka. Waa dad u bartay inay guurguuraan oo ay qaataan hantidooda, la xidhiidhaan dad ku kala sugan meelo kala geddisan adduunka, una kala gudbiyaan lacagyowga iyo badeecadaha meelo kala geddisan, iyaga oo aan dhawrayn xuduudaha waddammada. In badani waxay leeyihiin ku-dhac iyo dhiiranaan gaar ah oo sida ay rabaan wax ugu takri fali kara iyaga oo aan habrab,haddii ereygan si cuntanta loo eego oo dhinaca fiican laga fiiriyo. Waxay ku dhiirradaan inay ku kacaan amma ku weydiiyaan waxyaabo dadka kale inta badan ay ka waabtaan. Waxan la fadhiistay nin ganacsade ah oo Soomaali ah hudheel ku yaalla magaalada London, isaga oo sameynayey xidhiidho iyo macaamil badan oo ganacsi oo adeegsanaya telifoonnadiisa mobiilka oo dhawrka kala geddisan,kana diraya kombuyuutarkiisa iPad emaillo badan oo aan kala go’ lahayn, cunayana sixni weyn oo baasto ah, nooca bolognaise. Waxa uu iga codsaday in aan u qoro email qof ka mid ah macmiishiisa, kana diro moobilkiisa BlackBerry, waxanu wacay qofkii hudheelka ka shaqaynayey ee samaynayey adeegga cunnada, isaga oo baadhbaadhaya oo soo saaraya waraaqo aad u fara badan. Waxanu ku amray shaaqigii, isaga oo si amar-ku-taaglayn iyo dhiirranaan ah u dhoolla-caddaynaya:’Waraaqahani iigu dir Fax, una dir lamabarkani.’ Shaaqigiina isla markiiba madaxa ayuu ruxay, waxanu si dhakhso ah ugu dhaqaaqay inuu fuliyo hawshaasi. Ninkan ganacsadaha ahi kuma xisaabtamo meesha uu joogo marka uu wax samaynayo amma qabanayo hawlihiisa. Waxa uu ka dhex shaqeeyaa oo uu hawlihiisa ka kala socodsiiya magaalooyinka Muqdishu, Dubai, London iyo Nairobi. Waxa uu la mid yahay sidii uu joogo gurigiisii oo kale, marka uu hoos fadhiyo geed ku yaal Soomaaliya hadhkiisa ee uu ku hoos cunayo qaad, lana qayilayo geel-jiraha ilma- adeerradiis ah, sidii wuxu fadhiyo oo kale qolkii amma xafiiskii shirarka ee London. Waa reer-guuraa casri ah oo koontadiisa lacageed ee baankuna ay aad u ladan tahay.
Sabab kale oo ugu wacan Soomaali badan oo baayac- mushtar ah in dhaqaalahoodu guuleysto oo ay ilaa heer najaxaan marka loo eego heerarka kuwa kale, waxa ka mid ah iyaga oo u badheedha khatarta ganacsiga. Ganacsade Soomaali ah oo fadhigiisu yahay magaalada
Nairobi, lana yidhaa Sheikh Shakuul, ayaan weydiiyey in uu ii sheego sirta ka danbaysa amma sababta keenta guusha Soomaalida ee xagga ganacsiga. Waxanu iigu jawaabay:
Waxan u malaynayaa in aad u baahantahay in aad ahaato qof Soomaali ah, si aad u fahamto arrintani! Waxyaabaha Soomaalida u gaarka ah waxa ka mid ah is-aaminaadda. Dadku way kuu imanayaan, waxay kuu dhiibanayaan lacagtooda iyada oo aan la kala qaadan wax qoraallo ah iyo wax saxiix ah midna, waxayna ku odhnayaan, ‘waa tan lacagtaydii ee waxan kaa rabaa in aad gacan I siiso’, waxana kuu imanaya shan ilaa lix qof oo wada socda, iyaga oo dhammaan kugu qaba aamin. Tani waxay ka mid tahay hantida iyo qaniimadaha waaweyn ee aannu qabno. Haddii qof uu doonayo in uu meherad amma tukaan ka furto meel, waxa uu la hadlayaa ilma-adeerradiisa kala jooga London,, Koonfur Afrika, Muqdishu amma Mombasa, dhammaanna waxbay ku soo tarayaan. Waxay u suurtogelinayaan in uu furto meheraddii, isna sidoo kale waxa uu wax tarayaa kuwii kale. Is-aaminaaddu waa sirta amma tiirka guuleysiga Soomaalida. Haddana Soomaalidu waa dad si layaab leh u firfircoon oo hawlkar ah. Sababta oo ah dagaalladii Soomaaliya, ma jirto dawlad dhexe, ma jiraan hey’ado caawiya dadweynaha. Sidaa awgeed, waxay noqotay in qof walba uu isagu qabsado arrimihiisa iyo hawlihiisa, waana in aad adigu isku tashataa. Qof walba waxa haysata qaraabadiisii oo dhibaataysan, sidaa awgeedna qof walba waxa uu dareensan yahay masuuliyadda ka saaran in uu wax u qabto inta kale. Dagaalladii ayaa ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee dhaliyey dhammaan firfircoonidan iyo dhaqdhaqaaqan ganacsiga.
Ka sakow maqnaanshaha dawlad wax-ku-ool ah oo shaqaynaysa, haddana waxa jira heshiisyo ganacsi oo lala sameeyey dalalka deriska ah iyo baayacmushtarka caalamiga ah. Mar aan diyaarad u raacay magaalada Muqdishu xilliyadii dagaalladu ay ugu sarreeyeen sannadihii 1990-dii, dadka keliya ee kale ee saarnaa diyaaraddaasi waxay ahaayeen laba qof oo
Filibiiniyiin ah oo ganacsato ah, kana socdey shirkadda weyn ee caalamiga ah ee Dole Fruit ee ka ganacsata khudaarta. Waxay u socdeen wadahadallo ku saabsan sida ay suurtogal u tahay inay heshiisyo ganacsi la sameeyaan hoggaamiyayaasha kooxaha ee xukuma dhulka iyo beeraha uu ka baxo muuska iyo khudaarta kale. Peter Little, qoraalkiisa ‘Dhaqaale aan dawlad lahayn’, waxa uu ku soo bandhigayaa tusaalooyin kale oo ku saabsan ganacsiga caalamiga ah ee ka jira Soomaaliya:
Jiritaan la’aanta aanay jirin dawlad la aqoonsan yahay iyo hey’ado qaran, sida hey’adihii maaliyadda amma sharciyada iyo caddaaladda, taasi kama mancin sharikadaha caalamiga ah ee sharciyaysani inay la macaamilaan Soomaaliya, oo ay ku jiraan dawladaha gooni-u goosiga ah ee waqooyigu. Sharikadda Dole Fruit Inc waxay ku lahayd maalgelin beerah Soomaaliya sannadihii 1990- yadii, waxa kale oo iyaguna maalgelin ku lahaa sharikadaha xagga beeraha ee Talyaaniga. Waxa kale oo iyaguna haatan adeegyo ka sameeya Soomaaliya, sharikadaha caalamiga ah ee buqshadaha iyo waraaqaha degdegga ah ee tooska ah, ee ay ka mid yihiin DHL, iyo weliba sharikadaha baabuurta, sida sharikadda General Motors ee Kenya.12
Xoolaha Nool(Livestock)
Ganacsiga xoolaha nool,oo ah waxa ugu qiimo badan Soomaaliya, ayaa si weyn u koray ilaa intii ay burburtay dawladnnimadii. Tani waxa qayb ahaan ugu wacan dadka reer-guuraaga ee dhaqda adhiga, riyaha, lo’da iyo geela oo noloshoodu aanay weligood wax weyni kaga xidhmin amma uga baahan dawlad dhexe. Qaabka ay u nool yihiin ee ay u dhaqmaan ayaan dhinacyo badan la qabsan karayn oo aan la soconayn nidaam rasmi ah oo dawli ah oo dhexe; waxay caado u leeyihiin inay iska indhatiraan xuduudaha dalalka oo aanay hawrin,waxayna leeyihiin hababkooda dhaqanka ee mujtamaca iyo xidhiidhada ijtimaaciga ah, kuwa xeerarka iyo nidaamyadooda dhaqaale. Reer-miyigu waxay korodhsadeen wax ka badan wixii ay ku waayeen dhicitaankii xukuumaddii Siyaad Barre oo iyadu ahayd mid dadka dhici jirtey oo ku dul noolayd, isla markaasina carqaldaynaysey horumarkooda. Waxa suurtogal ah in hab-dhaqankii caadada ahaa ee nolosha reer-miyigu uu sii xoogeystey oo uu ka sii faa’iideystey jiritaan la’aanta dawlad leh nidaam; dadkuna waxay dib ugu noqdeen hababkoodii iyo sidoodii hore ee fududayd ee caadada u ahayd, ee ay arrimahooda u qabsan jireen, una maamulan jireen danahooda.
Hasse ahaatee waa wax cajaa’ib ah oo aan la malayn karayn in,in kasta oo ay jireen sannnado badan oo dagaallo iyo qas uu socdey,in haddana sida uu Peter Little uu ku sheegay qoraalladiisa, dhaqaalaha reer- guuraannimada ee Soomaaliya uu ahaa mid hoggaan u ah gobolkaas, kana xoog badan kan dalaka kale ee la deriska ah ee Ethiopia iyo Kenya oo deganaansho dheeraad ahi uu ka jiro marka la barbardhigo Soomaaliya. Waxana ka mid ahaa qoraalladaasi Peter Little:
‘Soomaaliya (oo ay ku jirto Somaliland) waa mid kaalin weyn kaga jirta weli ganacsiga xoolaha nool, heer gobol iyo mid caalami ah intaba, waxana ka yimid 60% dhammaan xoolaha laga dhoofiyey dalalka Afrikada Bari sannadihii 1990-meeyaadkii.’13
Peter Little waxa kale oo uu sheegay in xoolaha ka dhoofayaa Soomaaliya ee la geeyo Kenya iyo suuqyada kale ee debadda inay si weyn ay tiradoodu kor ugu kacday intii ka danbaysay dhicitaankii Siyaad Barre. Cutub ka mid ah qoraalladiisa oo uu si ku bannaan ugu magacdaray ‘Xilliyadii tanaadka iyo kor-u-kaca weyn ee dhaqaale dal si buuxda u burburay dhexdiisa’, waxa uu kaga hadlayaa sida la-yaabka leh ee kor-u-kaca degdegga ah uu u sameeyey ka-ganacsigii xoolaha nool ee ka gudbyey xadka Kenya. Waxanu gaar ahaan indhaha ku hayey iibka xoolaha nool magaalada Garissa ee Kenya ee ku dhaw xadka Soomaaliya:’Qiimaha guud ee iibka lo’da magaalada Garissa, waxa uu sameeyey kor-u-kac layaab leh oo ah 400% intii u dhaxaysey 1991 ilaa 1998, iyo 600% sannadihii u dhexeeyey 1989 ilaa 1998- kii. Peter Little waxa uu mar kale qoraalladiisa ku sheegay in marka la eego tirada guud ee sannadkiiba, lo’da iib gashay inay kor uga kacday 24,395 neef sannadkii 1989, waxayna gaadhay ilaa 100,000 oo neef sannaddii 1998-kii.14
Waxa kale oo aad u firfircoonaa tirade amma xaddiga ganacsiga aadayey ee loo dhoofiyey dalalka Khaliijka. Peter Little waxa kale oo uu sheegay:
Ganacsiga debadda ee dhexe (riyaha iyo idaha) ee laga dhoofiyo Somaliland iyo Puntland oo la deris ah ayaa iyaguna sannadkii 1999 ka badnaa tiro ahaan intii dhoofi jirtey ka hor dhicitaankii dawladda. Sannadihii 1980-meeyadii, Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalka debadda u dhoofiya xoolaha nool kuwa ugu badan adduunka … Sannaddii 1999, dekadaha ku yaalla waqooyiga ee Boosaaso iyo Berbera waxa ka dhoofay xoolo gaadhaya 2-9 malyuun oo neef, nooca ganacsiga dhexe. Haddana labadaasi dekadood ee Soomaaliyeed, tirada xoolaha ka dhoofay waxay guud ahaan u dhigamayeen 95% dhammaan riyaha laga dhoofiyey gobolka Afrikada Bari oo dhan, iyo 52% idaha. Waana guul la-yaab leh oo uu gaadhay mujtamac ‘aan dawlad lahayni.’15
Ka sakow kor-u-kacaasi, haddana ganacsigaasi xoolaha nooli waxa uu ahaa mid aan sugnayn oo ku jira khatar iyo dammaanad la’aan. Xoola-dhaqatada reer-guuraaga ah, ma aha qaar ka reebban oo ka bed qaba saamaynta dagaallada, kuwaasi oo mararka qaar ku kallifay inay bedelaan meelihii ay mari jireen amma wax ku raaci jireen qarniyaal badan. Dhallinyarada ragga ah ee reer-guuraaga oo iyagu leh xoog, awod adkaysi oo heer sare ah iyo aqoon ay u leeyihiin degaannada ay u nool yihiin, waxa inta badan ilaashada oo indhaha ku haya, si ay ciidan uga qortaan, ururka al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubaysan. Qaar ayaa si khasab ah loogu qortay miliishiyooyin, qaarna iskood ayay ugu biireen, iyaga oo u xilanaya dhaqaale amma lacag loogu ballan qaado, arrimo diimeed amma dano kale.
Dadweynaha ku tiirsan iibka xoolahoodu, waxay dhibaato kala kulmayeen mamnuucidda mararka qaar dawladda Sucuudigu ay ku soo rogeysey xoolaha laga keensado ee laga soo dhoofiyo dhulalka Soomaalida, si looga hortago faafitaanka cudurka loo yaqaanno Rift
Valley Fever. Waxa kale oo gobolkaasi uu halis u yahay marar badan abaaro iyo jiilaallo rob la’aan ah, kuwaasi oo keena dhimasho ku dhacda tobannaan kun oo xoolo ah iyo waxyaabihii ay ku tiirsanayd nolosha dadweynahaasi oo baaba’a. Qaybo ka mid ah Soomaaliya ayaa sannaddii 2011 waxa saameeyey xaalado ay Qaramada Midoobey ku tilmaantay abaarihii ugu xumaa ee ka dhaca muddo lixdan sanadood ah dalkaasi, kuwaasi oo ku kallifay dadweynihii inay barakacaan oo mararka qaar ay lugeeyaan muddo toddobaadyo ah, iyaga oo ka sii gudbaya boqolaal mayl oo ka mid ah dhulalka colaadaha iyo dagaalladu ay ragaadiyeen, si ay u gaadhaan xeryaha qaxootiga ee ku yaal Kenya iyo Ethiopia oo horeba u buux-dhaafay. Qaar kalena waxay u qaxeen dhinac Muqdisho, oo in kasta oo ay iyana la degeen dagaallada maalin kasta ka dhacayey magaaladaasi, haddana ay u arkeen meel u dhaanta dhulkii qallalay ee ay ka yimaaddeen.
Xawaaladaha iyo Isgaadhsiinta (Money transfer and telecommunications)
Dhinacyo kale oo si weyn loogu guulaystay hirgelintooda waa waaxyaha xawaaladaha lacagaha iyo isgaadhsiinta oo si dhakhso ah u baahay laga soo bilaabo horraantii sannadihii 1990-naadkii. Sabatana waxa qayb ahaan lagu sheegi karaa maqnaanshaha sharciyadii iyo xeerarkii dawliga ahaa ee kontorooli lahaa amma habayn lahaa, iyo baahida dadweynaha ku kala baahsan dacallada adduunk ay u qabeen inay wada xidhiidhaan oo ay isla socdaan, waxna is taraan.
Ka dib burburkii dawladdii dhexe, dadweynaha Soomaalidu waxay mar kasta sii noqonayeen qaar iyagu isku tashada oo ku tiirsanaada hababkoodii dhaqanka ee caadada ay u lahaayeen ee ay isku dhaafsan jireen lacagaha, qaabakaasi oo loo yaqaanney xawaalad.
Waxana xawaaladuhu ay u hirgaleen si ka geddisan kan ka-ganacsiga xoolaha nool, qaabkaasi oo aan wax weyni iska badelin faacyo badan, marka laga reebo telifoonnada mobiilka ah oo soo biiray, lagana yaabo in uu ka mid noqday adeegyada muhimka ah ee ku soo kordhay reer-miyiga, una suurtogeliyey inay meelo fog ka hubiyaan qiimaha suuqyada xoolaha nool lagu kala iibsado. Xawaaladuhu waxay noqdeen qaab adeeg oo casri ah oo sare oo caalami ah. Xawaaladaha Soomaalidana, waxa lagu doodi karaa inay yihiin kuwa ugu casrisan ee ugu horumarsan ee qaaraddaas, iyaga oo adeegsada tiknoolojiyadii ugu danbaysey ee lagu xawilo lacagayowga loo kala dirayo guud ahaan caalamka.
Isku-darka qaababka dhaqanka ee macaamilka iyo adeegyada tiknoolojiyada casriga ah, waxay noqdeen kuwo si fiican uga shaqeeyey, uguna bannaanaaday gaar ahaan qaybtani xawaaladaha. Qaab-beeleedka haybta ee macmiishu waxa uu noqday nidaam la iskaga ilaaliyo khayaamada iyo dhuumashada marka laga hadlayo macaamilka lacagaha. Waxa uu suurtogelinayaa qaabkani in si sahal ah loo aqoonsado amma loo raadiyo dadka aan daacadda ahayn ee wax khayaamaynaya amma is qarinaya. Waxa kale oo uu suurtogelinayaa in si dadban loo hubiyo dadka wax idin dhex mari karaan ee noqon karaa shuraake baayac-mushtar amma wakiillo. Xeerarka Soomaaliduna waxay noqon karaa qaar loo adeegsado dammaanad-qaadka qandaraasyada iyo xallinta khilaafyada xagga lacagaha amma ganacsiga. Anna Lindsey ayaa si weyn wax uga qortay xawaaladaha Soomaalida:
Iyada oo ka fog xeelado ay adeegsadaan tiro yar oo qurbajoog ah oo samaynaya hab ay lacag ku helaan, adeegyada xawaaladuhu waxay noqdeen qaabab ballaadhan oo muhiim ah. Marka la eego jiritaan la’aanta nidaam bangiyo amma baanan ka shaqaynaya dalkaasi, adeegyadani xawaaladuhu waxay noqdeen kuwa xidhiidhiya dhaqdhaqaaqa iyo socodsiinta macaamilka dhaqaale iyo wax- isdhaafsiga gobollada Soomaalida iyo adduunka kale – xidhiidhinta xawaaladaha, baayac- mushtarka, maalgelinta, gargaarka, iyo lacagyowga siyaasadeed.16
Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysaa waxay ku qiyaastay in sannad kasta tirade lacagaha xawaaladaha ee loo diro Soomaaliya iyo Somaliland ay ka badan tahay $1.5 bilyan oo doollar. Waqtigii la samayanayey qoraalkan, tiro badan oo ka mid ah lacagahaasi xawaaladda, waxa laga diray oo la sii mariyey Shirkadda xawaaladda lacagta ee Dahabshiil. Waana wax lama-filaan ah in shirkadda Dahabshiil, oo ka mid ah sharikadaha ugu waaweyn ee xawaaladaha ee Afrika, in haddana saldhiggeedu uu yahay Somaliland oo ah dal gooni u goostay oo aan weli madaxbannaanidiisa cidina aqoonsan. Dahabshiil runtii waa shirkad ganacsi oo caalami ah, waxayna ka shaqaysaa ilaa 150 dal oo adduunka ah, waxayna leedahay shaqaale iyo hawl- wadeenno gaadhayaa ilaa laba kun oo qof, ilaa labaatan kun oo laamood iyo wakiillo oo qaarkood ku kala yaallaan magaalooyinka London, Sydney, Minneapolis iyo Toronto. Qaar kalena waxay ka furan yihiin tukaamada iyo meherado ku kala baahsan meelaha fogfog ee miyiga ah ee Soomaaliya, Ethiopia iyo Koonfurta Sudan.
Shirkadda Dahabshiil waxay ganacsigeeda ka soo bilawday meel hoose, waxayna ka bilawday magaalada Burco oo ku taalley gobolkii Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, halkaasi oo sannadkii 1970-kii uu ka furay milkiilaha Maxamad Siciid Ducaale meherad lagu iibiyo bakaashka iyo badeecado uu ka keeno Yemen iyo dalal kale oo adduunka ka kala tirsan. Waxa uu u baahday lacag-yamani uu ku soo iibsado badeecadahaasi uu ka keensanayey Yemen. Sida awgeedna waxa uu heshiis la galay Soomaalidii ku noolayd magaalada Cadan, waxanu kula heshiiyey inay lacag yamani ah u dhiibaan marka hore isaga oo uu ka qaado, si uu u geliyo bakaashka iyo badeecadaha uu uga baahan yahay Yemen, ka dibna uu lacagtaasi ku siiyo lacag-Soomaali, inta ay ku noqoto, qoysaska iyo qaraabada dadkaasi ay wax u dirayeen ee deggan Burco. Sidaasina waxa ku abuurmay qaab-xawaaladeed kooban oo aan sugnayn.
Dagaalki sokeeye ee 1980-naadkii, Maxamad Siciid Ducaale waxa kaga baaba’ay wax kasta oo uu haystey. Waxayna ku kalliftay in uu lug kaga baxo magaalada Burco, isaga iyo qoyskiisii, una baxaan dhinaca miyiga, ka bacdina ay galaan xeryihii qaxootiga ee ku yaalley Ethiopia. Halkaas, waxa uu arkay inay ku jirto fursad weyn oo ganacsi oo laga faa’iidaysan karo. Soomaalida qurbajoogta ahi waxay doonayeen inay lacagayow u diraan qoysaskooda iyo qarabadooda ku
jirtey xeryahaasi qaxootiga, sidaas awgeed ayuu dib uga bilaabay halkaasi ganacsigiisii oo hadda yeeshay qaab kale oo xawaaladeed. Wiilka uu dhalay milkiilaha aasaasay shirkaddaasi Dahabshiil, wiilkaasi oo haatan ah Maamulaha Guud ee shirkadda, Cabdirashiid Ducaale, ayaa iiga sheekeeyey sida dagaalladii ay u horseedeen koboca soo-ifbixitaan ganacsi oo aan caadi ahayn:
In Kasta oo aan wax walba luminay oo ay nagaga dhex baaba’een dagaalladii sokeeye, haddan qaybtii debadda ee ganasigayaga xawaaladda lacaguhu waxay noqotay mid kor u kacda, taasi oo ka timid dagaalladii. Qaxootigii Soomaalida ayaa ku kala baahay adduunka, haddii ay tahay Yurub, Maraykanka, Australia, iyo Aasiya. Mar walba waxay naga codsanayeen oo ay na weydiinayeen, ‘maxaad xafiis uga furi weydeen Sweden, Canada, Soomaali fara badan ayaa joogta halkan?’, sidaasi awgeed ayaa waxa ay noqotay in aannu aniguna ku baahinno xafiisyadayadii adduunka oo dhan.17
Shirkadda Dahabshiil waxay si dhakhso ah u soo jiidatey oo kale hey’adaha gargaarka iyo ururrada kale ee caalamiga ah ee danaynayey inay hanti u diraan meelaha fogfog ee adag ee Geeska Afrika, kuwaasi oo u arkay adeegyadaasi xawaaladda ee Dahabshiil inay yihiin adeegyo dhakhso badan, la isku hallayn karo oo lagu kalsoonaan karo, oo aan khidmaddoodu ahayn mid qaali ah. Xafiiska weyn ee Dahabshiil ee magaalada Nairobi, waxan ku arkay hawl- wadeenno ka socda Qaramada Midoobey oo halkaasi ka diraya lacgayow aad u buuran, una diraya barnaamijyada iyo mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya. Shirkaddu waxa kale oo ay adeegyo u fidisaa mujtamacyada kale ee gobolka, oo ay ku jiraan dadyowga reer Rwanda iyo Koonfurta Sudan, kuwaasi oo iyagana ay saameeyeen dagaallo, si weyn oo baahsanna u barabaxay.
Xarunta weyn ee maamulka Dahabshiil, oo ka kooban dabaqyo badanina, waxay ku taallaa badhtamaha magaalada Hargeisa, waxana ku hareeraysan meherado kala nooc ah oo is dhex yaalla. Hareeraheeda, dumar ayaa ku iibiya xidhmooyin qaad ah oo daray ah, oo ay ku hayaan maqsinno iyo meherado yaryar. Qaar kalena waxay ku haystaan maqaaxiyo lagu iibiyo shaah macaan, oo ay fadhiistaan raggu saacado badan oo ay kaga dhex doodaan arrimo siyaasadeed maqaaxiyahaasi yaryar ee wax lag cuno, kuna fadhiyaan kuraas daxaleysatey, boodhka dhexdiisa iyo hadhka sandaqado kookooban oo jiingado yaryar ah. Wajahadda tooska ah ee dhismahaasi Dahabshiil hortiisa, waxa tuban oo ku yaal ‘baananka jidka’, oo ah sarriflayaal haya khaanado shabag ah oo lacagayaw tuulani ka buuxaan, lacagahaasi oo isugu jira noocyada shilin-soomaaliga, doollarka maraykanka, iyo kuwa kale ee qalaad. Marka ay rabaan sarriflayaashu inay qado tagaan, waxay lacagtaasi kaga tagaan isla khaanadihii uun oo ay ku qufulaan, kagana dhaqaaqaan sidaasi.

6 ‘Sarriflayaal’ Hargeysa (Mary Harper)
Marka aad gasho gudaha dhismahaasi Dahabshiil, waa adduun gebi ahaan ka duwan wixii hore. Qolka weyn ee kombuyuutarrada, waxa ka guuxaya mishiinno waaweyn oo shaqaynaya, iyo nalal bigbiglaynaya, iyadoo kombuyuutarradu ay lagacaha u kala dirayaan adduunka. Dabaq kale, maqsinku waxa uu u kala qaybsan yahay qaybo kala qaabilsan gobollada kala geddisan. Mid ka mid ah qaybahaasi, ninka fadhiya oo qaabilsan gobolka ‘Aasiyada Koonfyreed’, waxa uu mashquul ku ahaa dirista farriin qoraal ah oo uu u gudbinayey qof ku sugan degaan fog oo ka tirsan miyiga Somaliland oo uu ku ogeysiinayo in uu tago amma la xidhiidho laanta ugu dhaw ee degaankiisa ee Dahabshiil, si uu uga qaato lacag dhan $200, lacagtaasiu oo uu soo diray qof qaraabadiisa ah oo jooga dalka Bangladesh. Muddo daqiiqado ah gudahood ayaa lacgayowga lagu diri karaa oo lagu xawilaa; shirkadduna waxay shaqaysaa afar- iyo-labaatanka saacadood maalin kasta, toddobada cishaba toddobaadkii, 365 maalmood sannadkii.
Xafiis kale, waxan kula kulmay oo i qaabilay nin si fiican oo xarrago leh u lebbisan, oo xidhan suudh madow, shaadh cad, iyo tay cagaaran oo ah astaanta Dahabshiil. ‘Weligaa ma aragtay hal malyuun oo doollar oo naqad ah?’ ayuu i weydiiyey. Ka bacdina inta uu foorarsaday ayuu furay oo uu i tusay khasnad lacagi ka buuxdo, waxanu soo saaray kolba xidhmo lacag ah oo ka kooban doollar wada cusub oo waraaqo ah,oo boqol-boqol dollar ah oo si adag iskugu xidhxidhan. Xidhmo kasta waxay ka koobnayd kun-kun doollar, amma $100,000 oo dollar; waxanu ka soo saaray khasnaddii in ka badan toban xidhmo oo kale.
Noocyada lacagayowga kala duwan ee halkaasi lagu soo bandhigay ayaa iyaguna ahaa wax aan caadi ahayn oo aan la malayn Karin, taasi oo muujinaysey dhinacyada run ahaantii caalamiga ah ee Soomaalida. Ka sakow doollarka Maraykanka iyo shilinka Soomaaliland, waxa kale oo halkaasi yaalley lacagayow ay ka mid yihiin lacagta Euro-ga, Doollarka Australia, Giniga Ingiriiska, lacagta Dirhamka ee Dubai, Shilinka Kenya, Riyaalka Yemen, iyo noocyo kale oo badan.
Dabaqa hoose waxa tuban safaf dhaadheer oo isugu jira rag ganacsato ah, dumar xidhan diricyo midabbo badan, reer miyi leh timo dabiici ah oo aan soo feedhan, oo gashan kabo sandhal ah iyo qamiisyo dhaadheer, iyo dad reer Somaliland ah oo fasax ku yimid Hargeisa, kana kala yimid Maraykanka iyo dalal kale. Dhammaan dadkani waxay u yimaaddeen oo ay halkan u joogaan inay diraan amma ka qaataan lacag. Nin ka mid ah dadkaasi waxa hadda loo dhiibay oo uu qaatay lacag dhan $140 doollar, lacagtaasi oo uu u soo diray qof qaraabadiisa ah oo deggan xaafadda Southall ee magaalada London. Haweenay meesha joogtey waxay iyana lacag u diraysey qof saaxiibkeed ah oo jooga Puntland. Nin kale waxa uu isna lacag ku shubanayey koontadiisa uu ku leeyahay Dahabshiil.
Sharikadaha xawaaladaha qaar ee Soomaalida ayaa lagu eedeeyey inay qayb ka qaataan oo ay sii huriyaan colaadaha, iyada oo la sii mariyo lacagaha u socda ee loo dirayo kooxaha dagaal-oogayaasha ah sida al- Shabaab oo kale. Wax yar ka bacdi weerarkii 9/11 ee lagu qaaday Maraykanka, dawladda Maraykanku waxay albaabada u xidhay sharikaddii waqtigaasi ugu weyneyd sharikadaha xawaaladda ee Soomaalida ee Barakaat, oo ay ku eedaysay in sharikaddaasi ay hanti amma lacago u gudbiso al-Qaacida. Tallaabadani waxay saamayn xun ku yeelatay Soomaalidii ku tiirsanayd xawaaladdaasi ee debadda looga soo diri jirey lacagaha, markii ay istaageen ee la joojiyey masaariiftii ay heli jireen ee noloshoodu ku xidhnayd.
Abdirashid Duale oo ka tirsan shirkadda Dahabshiil waxa uu ku nuuxnuuxsanayaa in shirkaddoodu ay raacdo oo ay ku dhaqanto xeerar aad u sugan oo ka yaal rogrogga iyo xawilaadda aan sharciga ahayn ee lacagaha xaaraanta ah, ilaalisana habab lagaga hortago oo u dejisan, isla markaasina ay ka hubiso macmiisheeda inayna magacyadoodu ku jirin liiska caalamiga ah ee dadka looga shakisan yahay denbiyada noocaasi ah, amma inay xubno ka yihiin ururrada la mamnuucay. Waxanu yidhi:
Waxan ku dedaallaa in aan hubinno in macmiisha isticmaalaya adeegyadayadu ay yihiin dadkii saxda ahaa ee habboonaa; waxan ogaannaa haybtooda, annaga oo raacaynna habka iyo dhaqanka Soomaalida ee belaha iyo qofka qoladiisa. Waxa kale oo aan hubinnaa macluumaadka iyo waraaqaha qofka lagu aqoonsan karo. Waa in aannu dhawrnaa oo aannu raacnaa xeerarka caalamiga ah. Annaga iyo wakiilladayaduba waxannu ruqsad iyo ogolaansho ka haysannaa hey’adaha caalamiga ah ee dejiya, hubiyana ku-dhaqanka xeerarkani, oo ay ku jiraan Waaxda Lacagaha ee Maraykanka (US Treasury Department), Hey’adda Adeegyada Lacagaha ee Ingiriiska (British Financial Services Authority), Bangiga Dhexe ee Dubai (Dubai Central Bank), iyo dhawr heyadood oo ka mid ah hey’adaha lacagayowga ee Afrikaanka ah.
Horumarka sare ee ay sameeyeen sharikadaha waaweyn ee xawaaladaha Soomaalidu wuxu dhinaca kale keenay inay soo baxaan oo ay iyaguna horumar sameeyaan qaybaha iyo sharikadaha kale ee dhaqaaluhu, sida ay qortay mar kale Anna Lindley:’Qaybtani waxay si dhakhso ah u soo biirisay oo ku ladhmay tiknoolojiyo cusub oo gudbisa macluumaadka lacgayowga xawaaladaha la dirayo, lana bixinayo, tiknoolojiyadaasi oo isugu jira Raadyowyo lagu wada hadlo ilaa qalabka FAX-yada lagu diro, telifoonnada moobiilka iyo kuwa satellite- ka, email-lada, iyo borogaraamyada kale ee kombuyuutarrada ee sharikaduhu u baahan yihiin si ay u socodsiiyaan hawlahooda. Maalgelinta ballaadhan ee ay sameeyeen xawaaladaha Somaalidu waxay gacan ka geysatey isbedelka isgaadhsiinta Soomaaliya.’18
Soomaaliya waxay qaadday tallaabo weyn xagga mustaqbalka isgaadhsiinta, waxayna dhaaftay dalal badan oo ku yaal Afrika oo siyaasi ahaan ka deggan, dhaqaale ahaanna ka horreeya. Sida Jamhuuriyadda Diimoqoraaddiga ah ee Congo oo kale, oo lafteedu lahayd xukuumad dhexe oo awoddeedu ay kooban tahay sannadihii 1990-yadii, Soomaaliya waxay si degdeg ah ula qabsatay oo ka hirgalay telifoonnada gacanta ee moobiilka, iyadoo dad badani ay iska dhaafeen gebi ahaanba telifoonnadii caadiga ahaa ee dhulka ee la soo gashan jirey. Ma aha wax iska dhacay oo sideeda iskugu soo beegmay uun ‘isbedelka amma kacaanka xagga isgaadhsiinta’ ee Soomaaliya iyo isla waqtigii ay burburaysay dawladnnimadii. Maqnaanshihii sharciyo iyo nidaam dawli ah oo habeeya isgaadhsiinta oo meesha ka baxay, waxay noqotay mid si weyn u dhiirigelisa oo badhitaageerta horumarka degdegga ah ee qaybtani ay samaysay. Looma baahan in la dalbado oo la qaato wax ruqsad amma liisan ah oo lagu xidho furashada sharikadahaasi. Waxana jirey oo kale suuq xor ah. Magaalada Muqdishu, xilliyo ay burburayeen kaabayaashii kale ee dhaqaalaha intooda badani, oo jidadku ay baaba’ayeen dayactir la’aan awgeed, madaafiicda iyo xabbaduhu ay burburiyeen dhismayaashii, la bililiqaystay xadhkihii korantada iyo dhuumihii biyaha oo go’ay, ayaa dhinaca kale waxa soo baxay oo meel walba laga taagey magaalada tiirarka dhaadheer ee anteenooyinka telifoonnada moobiilka. Maamule ka tirsan Shirkadda Telesom ee Soomaaliya, oo la yidhaa Abdullahi Mohamed Hussein, ayaa faahfaahiyey sida maqnaanshihii dawlad dhexe oo meesha ka baxday ay u sahashay in la sameeyo shirkado telifoon: ‘Wasaaraddii boosaha iyo isgaadhsiinta ee dawladdu, kelideed ayay qandaraas iyo monobooliyad ku haysatey hawshan oo cidina kulama tartamayn. Laakiin markii dawladdii la ridey ka bacdi, waxannu xor u noqonnay oo aanu u madaxbannaanaanay in aannu abuurno sharikadahayaga ganacsiga. Waxaannu aragnay in suuqii uu ka bannaanaaday faraq-fursadeed weyni, waayo waxa baab’ay dhammaan adeegyadii hore. Baahi weyn ayaa jirtey.’19
Jiritaan la’aanta sharciyo xaddida ganacsigan, iyo suuqa oo uu ka jiro tartan kululi, waxay keeneen in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka Afrika ee leh adeegyada ugu jaban xagga qiimaha ee telifoonnada mobiilka, iyada oo sharikadaha isgaadhsiintu ay sameeyaan adeegyo kala geddisan oo noocyo badan, oo u suurtogelinaya macmiishooda telifoonnadu inay kula hadli karaan ehelkooda jooga debadda qiime wax yar oo qadder ah ka badan kan telifoonnada gudaha. Tayada addeegyada telifoonnadu waa qaar fiican oo la isku hallayn karo, waxanad si sahal ah ula xidhiidhi kartaa meelo fogfog oo miyi ah Soomaaliya, oo ka sahlan sidii aad ula xidhiidhi lahyd xataa caasimadaha waaweyn ee meelaha kale ee Afrika qaarkood. Waxa kale oo jira noocyo badan oo kala geddisan madaxyada telifoonnada gacanta ee moobiilka oo lagu iibiyo Soomaaliya, qaarkoodna waxay leeyihiin oo la gelin karaa isla madaxii laba Sim-kaadh isla mar. Waxa laga helaa oo kale madaxyo waaweyn oo u eg kuwa dhulka amma xafiisyada iyo guryaha, laakiin ah runtii moobiillo xoog badan oo lagu isticmaalo xafiisyada, guryaha iyo goobaha kale ee joogtada ah. Dhaqan-afeedka xoogga leh ee Soomaalida ayaa kaalin weyn ka qaatay socodsiinta qaybtani isgaadhsiinta. Maqalka codka ee afka-ka-hadalku waa mid muhiim ka ah Soomaaliya, sidaasi awgeedna waxa caan ah oo laga helaa ku-hadalka iyo dhageysiga telifoonnada iyo raadyowyada. Qaar ka mid ah asaxaabta iyo macaariiftayda Soomaaliyeed, waxad mooddaa inay rabaan in cid kasta oo ka ag dhawiba ay maqasho waxa ay ku hadlayaan iyo sheekadooda telifoonnada ee labada dhinacba, marka ay telifoon diraan ee ay cid kale la hadlayaan. Waxayna furaan sameecadda telifoonka oo ay meel durugsan iska dhigaan, kalana hadlaan qofka kale ee ku jira, iyaga oo kor u qaylinaya. Sheekada iyo jawaabaha qofka kalena waxa maqli kara oo la socon kara qof kasta oo halkaasi ka ag dhaw.
Sannadihii dheeraa ee dagaalladu ay ka socdeen Soomaaliya, iyo barakacii ka dhashay oo Soomaalidii ay u kala qaxday dhammaan dacallada adduunka, arrimahani waxay keeneen baahida ah in la helo adeegyo muhim ah, sida telifoonno dhakhso badan oo xoog leh, Internet iyo xawaalado. Xiisadihii iyo dagaalladii ayaa noqday xoog weyn oo socodsiiya qaybahani ganacsi. Soomaaliduna waxay u baahan yihiin inay ku xidhnaadaan adduunka iyaga oo adeegsanaya qaababkani tiknoolojiyada elektaroonikada ah, si ay u socodsiiyaan ganacsigooda, ula xidhiidhi karaan asaxaabtooda iyo ehelkooda, iyo si ay ula socdaan waxyaabaha ka dhacaya Soomaaliya. Waxay si weyn ula qabsan og yihiin oo ay isla markaaba baran karaan adeegsiga tiknoolojiyadii ugu danbaysay ee casriga ahayd, waxayna i tuseen sida xeel-dheerida ah iyo dhammaan farsamooyinka loo isticmaalo Internetka iyo telifoonnada moobillada.
Somaliland
Marka la soo qaado Soomaaliya ee ay maskaxdooda ku soo dhacdo dadka intiisa badan, waxay u maleeyaan guud ahaan meel ay ka jiraan qas iyo xiisado aan lahayn dhammaad, gaajo, budhcad-badeed, iyo dagaallo ku xidhan oo al-Qaacida ay ku lug leedahay. Laakiin waxa
jirta arrin kale, sida uu u sharraxayo Mark Bradbury, waxyaabihii uu ka qoray Somaliland, 2008-dii:
Somaliland oo ku taal dhinaca ugu shisheeya ee waqooyi ee Geeska Afrika, waxay noqotay mid ka mid ah xukuumadaha ugu deggan Geeska Afrika, waxayna sannadka 2006 muujin kartaa oo ay ku faani kartaa inay samaysatay dawlad dadweynuhu ay soo doorteen, iyo nidaam sugan oo diimoqoraaddi ah oo la tartami kara mid kasta oo kale oo ka jira dalalka gobolka iyo dawladaha muslimka ah intooda badan. Sidaas awgeed, Somaliland waxay gooni ka ahaanaysaa oo ay ka baxsanaanaysaa muuqaalka laga haysto qaybta gobolkan ee Afrika ee ah meel ay wada aafeeyeen dagaallo, burbur iyo cadaadis ijtimaaci ah, kuwaasi oo lala xidhiidhinayey gobolkan ilaa 1990-yadii.20
Ali Mazrui, aqoonyahanka reer Tanzania, waxa uu isna ku doodayaa inay haatan jiraan laba Soomaalyieed:
Ka dib markii Soomaaliyadii Waqooyi ay ka noqotay midnnimadii sannaddii 1991, Geeska Afrika waxa uu arkay oo ka soo baxday ” Arrin ah laba Soomaaliyeed”. Soomaaliyada Muqdishu waxa ka sii jirta xaalad ah qas iyo jahawareer nidaam- la’aaneed, iyadoo Soomaaliyada Hargeisa ay sii xoogeysanayso oo ay ka jirto xaalad ‘dhisme qaran oo min hoos ilaa kor ah’, oo salka ku haysa hab- dhaqanka, gudahana laga wado oo ka dhalatay.21
In aad isku marto ‘Labada Soomaaliyeed’ isla maalin qudha, waxaad ka kasbanaysaa waayo-aragnnimo xiiso leh. ‘Soomaaliyada Muqdishu’, ma aha meel aad ku nasan karto oo la joogi karo; magaaladu waa meel kala qaybsan oo ay ka buuxaan ciidammo milateri, oo aagaggeega dagaalku ay mar kasta isbedelayaan. Dadka rayidka ahi marnaba ma haystaan badbaado amma nabadgelyo, xataa haddii ay tahay tii ay ka heli lahaayeen ciidamada nabad-ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika oo ururrada xuquuqda aadamigu ay ku eedeeyaan inay madaafiic culus ku garaacaan xaafadaha ay dadweynuhu deggan yihiin. Waxaa si weyn u xaddidan dhaqdhaqaaqa iyo isku socodka dadweynaha iyo sida ay
u dhaqmi karaan. Si xor ah uma socon karaan; degaannada ay xukumaan ururrada islaamiyiinta ahina, dumarku waxay ku khasban yihiin inay is-dedaan oo ay xidhaan xijaab dhammaan jidhkooda saran, caruurtooduna waxay halis ugu jiraan in al-Sahabaab iyo miliishiyooyinka kale ay khasab ku qortaan.
‘Soomaaliyada Kale’ waa mid aad uga fog taas.
Sanaddii 2011, waxan diyaarad ka raacay magaalada Muqdishu, waxanan tegey magaalada dekedda leh ee Berbera ee Somaliland, waxan lugeeyey xeebta. Waxan halkaas ku arkay dumar dhallinyaro ah oo baashaalaya, kuna daansha-daanshoonaya badda, ku dabbaalanay biyaha oo kolba dhinac isku qalaama-rogaya, lugaha circa u saydhaya, qosol dhagdhagta haya, oo farxad la qaylyaya. Waxay ka dhignayd sidii dheri biyo ka karayaan oo daboolka laga qaaday oo kale. Dadka waxa loo ogolaaday oo ay fursad u heleen inay neefsadaan oo ay nafisaan, si xor ahna u dhaqmaan. Iyada oo ka geddisan xaaladda ‘Soomaaliyada Muqdishu’, halkan ma joogaan ciidammo nabad-ilaanineed oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika, waxa ka jirtey nabad iyo deganaansho. Looma baahna in aad wadato ciidammmo hubaysan oo ku ilaaliya. Dadka qudha ee aan arkay inay hubaysan yihiin oo qoryo siteyna waxay ahaayeen askar ka tirsan ciidammada nabadgelyada. Xaaladdan imiku, aad ayay uga duwaneyd markii ka horraysay xilligan ee aan booqday Somaliland oo ahayd badhtamihii 1990-kii. Waqtigaasi, dhallinyarada intooda badani waxay wateen hub, sidii waxay dareemayaan inay yihiin qof qaawan oo kale haddii aanay sidan qori.
Intii danbe ee sannadihii 1980-aadkii iyo horraantii 1990-aadkii, Somaliland waxay hubaal ahaan ahayd qaybta sida ugu weyn ee ugu ballaadhan loo burburiyey dhulka Soomaalida. Marka la isku eego faraqa u dhexeeya dalkaasi burbursanaa ee waqtigaasi iyo xaaladda ka jirtey sannadkii 2011, waxay ahayd mid aan guud ahaan la malayn karayn oo aan la rumaysan Karin. Waxan fuulay oo aan is dul taagey buur magaalada hoos loo eegi karo; waxa ka jirey dhismayaal ilaa inta ishaydu ay qabatay dhinac kasta. Jidadku waxay ahaayeen kuwa aad dareemayso ammaan iyo badbaado; waxa jirtey saxmad waddada baabuurta, dad riixaya karyoonayaal ka buuxa lacagta shilinka ah ee Somaliland, dumar waxoogaa khudaar ah oo ay iib geynayaan ku sida denbiillo amma sallado ka samaysan caag, oo leh midabbo dhalaalaya – qof walba waxa uu u muuqday inuu ku foofsanaa danihiisa iyo hawshiisa oo uu qabsanayey. Waxa halkaas ka jira macraddo badan oo ay yaallaan baabuurro duug ah amma hore loo isticmaalay, qof samaystay tukaan ah laybareeri buugaagta laga helo, iyo maqaaxiyo iyo huteello wax laga cuno, waxna laga cabbo oo waddada ku yaal oo u furan cid kasta oo reer Somaliland ah. Waxa jira maqaaxiyo shaaha laga cabbo oo ay fadhiistaan dadkii joogey halkaas ee ku hadhay ilaa xilliyadii dagaallada, kuwii ka soo noqday Ethiopia, iyo kuwa ka yimid meelo fogfog oo kale. Mid ka mid ah hudheellada waxa inta badan yimaadda qurba-joogta reer Somaliland ee deggan Canada, gudahana waxa loo yaqaan oo loogu yeedhaa ‘reer Canada amma Kanadiyaankii’, mid kale waxa loo yaqaannaa ‘reer Australia amma Austraaliyaankii’, kuwa kalena ‘reer Sweden’, ‘reer Denmark’, iyo ‘Ingiriis’. Waxa kale oo jira maqaaxiyo ay gaar u leeyihiin dadka ka soo yaacay dagaallada Muqdishu iyo meelaha kale ee Soomaaliya.
Inta badan isbedelka ka jira Somaliland, waxa ugu wacan dadka qurba-joogga ahaa ee debadda ka soo noqonaya, kuwaasi oo la soo noqda aqoon, waayo- aragnnimo xirfadeed, imkaaniyaad amma hanti maalgelineed. Iyaga oo la soo noqday aragti ah inay wax qabsan karaan, kuna dhiirran karaan, waxan ka fikiray inay yihiin ‘Halyeyadii Somaliland’ ee horseedayaasha u ahaa. Waxay gacan ka geystaan socodsiinta dhaqaalaha, waxayna kaalin mudan ka qaataan siyaasadda. Dawladdii la soo dooratay 2010- kii, waxa lagu eedeeyaa inay si aad ah u tahay ‘ajanebi’, sababta oo ah mansabyo badan oo muhim ah waxa la geeyey oo jooga dad ka yimid qurba-joogta.
Mid ka mid ah dadka ‘Halyeyada Somaliland’, waxa weeye Abdulqadir Xaashi Cilmi, oo ah ganacsato hudheel leh, oo ku soo noqday dalka, ka dib markii sannado badan uu ka soo shaqeeyey sharikadaha saliidda ee Kuwait. Waxa uu ka hadlay sida isaga iyo saaxiibbadii ay ugu soo gurmadeen dawladdii
Somaliland, wax yar ka bacdi markii dalkaasi uu ku dhawaaqay madaxbannaanidiisa:
Markii aan ku soo noqday Somaliland, qof walba qori ayuu sittey. Dalku waxa uu ku jirey oo marayey meeshii ugu hoosaysey. Waxa jirtey dawlad magac ahaan uun u jirta, laakiin wax muuqda oo la taaban karayaa ma jirin. Sida awgeed waxay noqotay oo nala soo gudboonaatay in aannu wax qabanno. Waxannu gacan ka geysanney dhismihii ciidammada bileyska oo aannu bixinno mushaharkoodii, u iibinno raashin iyo shidaalka baabuurta. Waxannu sidoo kale ka yeellay qaadiyada maxkamadaha, culimada diinta iyo macallimiinta. Markii uu awodda xukunka qabtay madaxweynihii labaad, Maxamad Ibraahim Cigaal, sannaddii 1993-kii, ma jirin wax agab iyo waraaqo ah oo yaalley xafiiskiisa, xattaa qalin ha noqdee. Waxan ku noqday Kuwait, waxanan la socodsiiyey asaxaabtaydii reer Somaliland ee halkaasi joogey, in aanay jirin hal warqad ah amma qalin ah oo yaalley miiskii madaxweynaha. Laba toddobaad gudahood, ayaa waxannu ka soo buuxinney qol ka mid ah qolalkii gurigeyga agab- xafiiseed, kuwaasi oo aannu u soo dirnay Madaxweyne Cigaal oo joogey magaalada Hargeysa.
‘Halyeyada Somaliland’, waxay mar walba ku dedaalayaan inay ballaadhiyaan danahooda ganacsi, iyaga oo isla markaana gacan ka geysanaya horumarinta dalka. Abdulqaadir Xaashi Cilmi waxa uu i tusay sahan qorshe oo ay dalbadeen isaga iyo koox kale oo ganacsato ah oo ku saabsan waddo ay doonayaan inay sameeyaan oo si toos ah uga baxda una kicitinta dhinaca waqooyi ee magaalada Hargeisa ilaa iyo badda, waddadaasi oo furaysa iskuna xidhaysa dhul fog oo ay adkayd in la maro oo ka tirsan waddankaasi:
Dadka deggan gobolkaasi, waxa dhibaato ka haysataa sidii ay ugu xidhmi lahaayeen qaybaha kale ee Somaliland. Dhulku waa dhul masno ah oo wax laga beeri karo, waxa ku dhaqan xoolo badan oo nool, baddana waxa ka buuxa kalluun. Laakiin dhulkaasi waa go’doon oo lama mari karo, oo waxa ku yaal buuro adag oo dhibaato ku ah dadweynaha, kana xannibaya inay soo raraan oo soo mariyaan badeecdahoodii iyo waxyaabihii ay u iib geyn lahaayen Hargeysa iyo magaalooyinka kale. Waxay si weyn ugu baahan yihiin waddo ay wax soo mariyaan. Ma sugi karno ilaa inta ay dawladdu ka helayso dhaqaale ku filan oo ay ku samayso waddadaas; lacagtu waa in ay annaga naga timaaddaa. Marka aannu qorshaha sahanka dhammaynno, waxannu la xidhiidhi doonnaa oo aannu u tegi doonnaa dadweynaha gobolkaasi, waxanannu ka codsan doonnaa inay ku deeqaan wax kasta oo qaadhaan ah oo ay kari karaan inay ku soo biiriyaan dhismaha jidkaasi. Ha noqoto hal doollar, neef adhi ah, wax kasta. Kuwa Somaliland aan aqoonsanayni, nama yaqaanaan. Somaliland way jiraysaa, wayna soconaysaa oo sare ayay u kacaysaa, haddii la na aqoonsado iyo haddii kaleba. Faa’iidooyinka aqoonsi la’aantu ay noo keentay waxa ka mid ah in aanu annagu isku tashannay lafahayaga. Waxannu ka dhigannay diinka guguurta oo kale. Waxan u gurguuranna oo aan u soconna si gaabis ah, laakiin waannu naqaan halka amma meesha aannu u soconno.
Mashruuc kaasi la mid ah, waxa haddaba laga hirgeliyey magaalada Burco, halkaasi oo laga dhisay biriij amma buundo ka tallowda doox weyn oo waqtiga jiilaalkii ee uu madhan yahay dhexdiisa ay ka muuqdaan hadhaagii baabuurta gaashaaman iyo kuwii kale ee milateriga ee lagaga yaacay waqtiyadii dagaalladii sokeeye oo daxalaystey; dooxaasi oo laakiin waqtiga roobabka aad u soo rogamada oo ay soo maraan daadad laxaad leh oo kala xidha magaalada, qaadana xoolaha iyo dadka isku daya inay ka tallaabaan. Biriijkaasi waxa lagu dhisay lacagayow ay bixiyeen dadku, inta baddanna ay ku deeqeen ganacsatada waaweyn, oo ay ku jirto Shirkadda Xawaaladda ee Dahabshiil, iyo weliba dadweynaha degaanka oo iyagu helayey ka-faa’iideysiga dhismahaasi. Dadweynuhu waxay ku deeqeen wax kasta oo ay helayeen – ha noqoto waqtigooda, xirfaddooda,
waxoogaa lacag ah oo Shilin-Somaliland ah, digaagad, ri’ amm neef geel ah.
Huteelka Abdulqaadir Xaashi Elmi, waxa uu ahaa oo kale meesha aan kula kulmay ‘Halyeyo’ dhawr ah oo kale, dhallinyaro iyo waayeel intaba, dadkaasi oo ku soo noqday Somaliland, kana soo kala noqday dalalka Malaysia, Canada, Norway, Sweden, Britain amma Ingiriiska, Khaliijka, iyo dalalka kale ee adduunka. Waxa joogey dhallinyaro hangooda iyo hammigoodu badan yahay oo si weyn wax u xiisaynaya oo xirfadda kombuyuutarku si heer sare ah u kasbaday, lana dhacsan fursadaha badan ee ganacsi ee ka jira halkaas, lagana heli karo dalka. Waxa jirey qof dhallinyaro ah oo aqoonyahan ah oo doonayey inuu sameeyo urur khubaro ah oo la-taliyaal ah, iyo injineer ka yimid Norway oo aqoon u leh saliidda batroolka, una yimid in uu eego sida ay suurtogal u tahay in la qodo saliid la soo saaro.
Galab ka mid ah galbaha, waxan la kulmay nin Somaliland u dhashay laakiin haatan ah Kanadiyaan ‘Canadian’, oo magaciisa la yidhaa Abdillahi Farah. Wuxu ii sheegay in uu isagu bilaabay beertii ugu horraysay Somaliland ee nooceedu yahay ta l’oda lagu xannaaneeyo, laguna dhaqo si caano iyo subag badan looga helo (diary farm). Marka la eego degaankan oo ah mid aad u qallalan, aan lahaynna daaq iyo nabaad badan, waxan u sheegay in aanan hadalkiisaa rumasanayn. Waxa uu ii soo jeediyey inuu i geeyo oo uu i soo tuso beerta. Waxanannu ambabaxnay aroornnimadii hore maalintii danbe, annaga oo xawli sare ku soconna, sii maraynna oo ka gudbaynna dhul aan sinnayn oo ciid ah, dhexda ku sii dhaafaynna geel, dundumooyin iyo dhir-qodaxeed. Mar qudha, ayaa sidii dhalanteed ka muuqda meel lama-degaan ah oo kale, waxa naga soo hor baxay, dhul doog ah oo cagaar la widhwidhaya. Waa ‘Dooxadii Doogga ahayd ee Beerta Lo’da’, halkaasi oo Abdilahi Farah uu ku rakibay qaabka iyo qalabka casriga ah ee beeraha lagu waraabiyo, qaabkaasi oo awodsiiyey in uu beeri karo noocyada kala duwan ee daaqa, caleen iyo raashin kala duwan oo loo dhigo lo’da beerta lagu dhaqo, waxanu midho iyo iniin tijaabo ah ka soo iibsaday Kenya iyo
Sudan. Nooca lo’da loo yaqaan Holstein ee midabkeedu iskugu dhafan yahay madow iyo caddaan, oo kuula ekaanaysa sidii waxay dhex tuban tahay beerihii daaqa cagaaran ee Yurub oo kale, waxa uu ka keenay Ethiopia oo dhulka la soo mariyey, waxanu lagu tallaalay oo lagu mudey meni amma biyo laga keenay Maraykan. Faransiiskana waxa looga keenay qalabkan casriga ah ee farsamada sare ee yaalla dhismahan nadiifta ah ee dhalaalaya ee lo’da lagaga lisso caanaha.
Markii aan weydiiyey Cabdillaahi oo aan isagu hore ugu lahayn khibrad iyo waayo-aragnnimo xirfadda beeraha halka iyo sida uu ku keenay fikraddan iyo farsamadan qaabkan waraabinta dhulka, qodista ceelasha, beerista iyo kaydinta raashinka lo’da ee nafaqada leh, iyo samaynta beer-lo’aaddani, waxa uu kaga kacay qosol, waxanu ii sheegay inuu inta badan ka ogaadey, kana bartay Internet-ka. Jawaabtiisu waxay u taagnayd oo ka muuqatey dareenka halyeynnimada ee sida qayaxan caadada u ah reer Somaliland. Waxa uu ii sheegay in fikraddan ah inuu sameeyo beer-lo’aad ay markii ugu horraysay ku soo dhacday markii aabbihii ay ku soo baxday cilladda lafo-jajabka oo ka timaadda macdanta loo yaqaan Calcium oo jidku waayo amma ka yaraata, cilladdaasi oo ku badan Somaliland. Waxanu intaasi ku daray in hammiga iyo ujeeddada weyn ee ku dhaqaajisay hawshani, inay ahyd inuu wax ka hagaajiyo caafimaadka dadweynaha dalka, oo uu u helo caano lo’aad. Waxa kale oo suurtogal ah in Abdillahi Faarax uu rajaynayey inuu lacag badan ka heli doono hawshan uu u badheedhay ee beer-lo’aadda.
Qaar kale oo reer Somaliland ah, waxa suurtogal ah in hammigooda iyo ujeeddadoodu ay u badan tahay in ay ka imanaysa damiir banii’aadminnimo iyo dareen baraarug oo ah inay mas’uuliyad iska saaraan wax-ka- qabasho dhibaato dadweyne. Adan Ismail, oo ah dhakhtar xagga cudurrada maskaxda iyo dhimirka ah, oo ka shaqeeya dalka Canada, waxa uu u huraa waqitigiisa muddo toddobaadyo ah inuu halkan yimaaddo sannad kasta, oo uu lacag la’aan ku daaweeyo dadka maskaxda amma dhimirka wax ka qaba ee jooga Somaliland, waayo dalkan ma joogaan dhakhaatiir dabiibta canuunnada maskaxda iyo dhimirka. Afadii hore ee uu qabi jirey Madaxweyne Cigaal, Edna Adan Ismail, oo ah dhakhtarad umuliso ah, waxay ka fadhiisatay shaqadeedii ay ka haysey Qaramada Midoobey, waxayna Hargeysa ka samaysay cusbitaal haweenku ku umulaan, halkaasi oo ay weliba ku tababarto dhakhtarro iyo kalkaaliyayaal caafimaad oo umulisooyin ah. Waxyna igu tidhi:
Waxan ku hammiyi jirey in aan dhiso cusbitaal ilaa markii aan 11 jir ahaa. Mid waxan ka bilaabay dhismihiisii magaalada Muqdishu, laakiin waxa la burburiyey markii dagaalladu ay qarxeen. Markii aan gaadhay da’dii hawlgabka ee shaqada laga fadhiisanayey, ayaa waxan goostay in aan mar kale isku dayo dhisme cusbitaal oo markan aan ka sameeyo dalkayga hooyo ee Somaliland. Waxa la i siiyey dhul aad u ballaadhan oo ahaan jirey xabaalo iyo qashin-qub, markii danbena meel wax lagu laayo oo lagu toogto dadka dilka lagu fulinayo ee maxaabiista siyaasadda. Dadku aad ayay u necbaayeen oo ay u karhi jireen goobtan, laakiin immika way jecel yihiin. Lacagtaydii xaqa iyo gunnada hawlgabka iyo hantidaydii kale ayaan ku kharash-gareeyey dhismihii cusbitaalkan, halkii aan meel kale degi lahaa ee aan iska ciyaari lahaa turub ilaa inta aan ku dawakhayo.
Iyada oo ay socdaan dhammaan mashaariicdan gaarka ahi, dawladda Somaliland waa mid kooban oo taag daran. Sabatuna waa dalkani oo aan haysan aqoonsi caalami ah. Ma heli karo deyn debadeed oo buuran oo uu ku bixiyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo qaybaha kale ee horumarinta. Dhibaatadanna waxay madluun ka dhigtay, oo warwar ku haysaa Madaxweynaha, Ahmed Siilaanyo, oo yidhi:
Waxannu u baahannahay aqoonsi dibadeed, waayo waa sida qudha ee aannu xubin buuxa uga noqon karno mujtamaca amma duwalka caalamka. Kama qaybgeli karno shirarka ay soo abaabulaan ee ay qabanayaan Qaramada Midoobey iyo ururrada kale. Kama faa’iidaysan karo barnaamijyada iyo mashaariicda Baanka Adduunka iyo hey’adaha kale ee caalamiga ah. Wax badan ayaa nagu seega aqoonsi la’aanta.
Samir badan ayaannu arrintani u yeelannay, waxanan rajeynayaa in aannu u aayi doonno samirkaasi oo aanu abaalkiisa heli doonno. Haddii aannu helno aqoonsi caalami ah inta aan anigu madaxweynaha ahay, waxannu samayn doonnaa dabbaldeggii ugu weynaa ee weligii soo mara adduunka.
Reer Somaliland waxay u muuqdaan inay aad uga roon yihiin oo ay ugu badinayso ka maqnaanshaha shirarka caalamiga ah, amma haddii si kale loo dhigo, inay u aayeen oo ay u fiican tahay inayna ka mid noqon hababka ku tiirsan mucaawanada. Waxay ka midaysan yihiin, sida weyn ee ay ugu dhegan yihiin , una doonayaan inay helaan aqoonsi caalami ah. raallina kuma aha inay sidan ku sii jiraan, ka sakow carqaladaha badan ee ka hortaagan, oo ay sii ahaadaan mujtamac shaqaynaya oo ka jira dal aan la qoonsanayn. Waa wax suurtogal ah haddaii la aqoonsan lahaa, in Somaliland ay ka bilaabanto kala daadsanaan oo hanti lagu khasaariyo waxyaabo dheeraad ah oo magaca dawladnnimo amma qarannimadu ay la imanayso oo ku ladhan. Tusaale ahaan, waxa laga yaabaa inay damcaan inay safaarad weyn ka furtaan meel ka mid degaannada bilicdasan ee heerka sare ah, ee qaaliga ah ee magaalada London, halka imika uu ka yahay maqsin qudha oo ku dhex yaal suuq aan bilic lahayn oo ka tirsan xaafad gabowdey oo ka mid ah xaafadaha Bariga London. Mark Bradbury, buuggiisa uu ka qoray Somaliland, waxa uu ku sheegayaa inay jiri karaan dhinacyo badan oo laga eegi karo doodda ku saabsan bal in Somaliland ay wax ka taransan lahayd iyo in kale, mucaawanooyin dheeraad ah oo debadeed oo ay hesho:
Sababta oo ah faragelinta xagga milateri iyo tan banii’aadminnimo ee Koonfurta ee natiijada xumi ka timid, waxa timid dood odhanaysa in Somaliland ay u ayday oo ka faa’iidaysatay inay ahaato mid bannaanka ka joogta oo ’ka madaxbannaan ku- xidhnaansho mucaawano’. Dood taasi ka duwan ayaa iman karta, oo ah in mujtamaca caalamiga ah ay seegtay fursadda ah in uu ka shidaal qaato habka muwaafaqada amma heshiiska siyaasadeed ee
Somaliland ee xoojinta mabaadi’da maamul- wanaagga. Haddii heerka kooban ee caalamiga ah amma mucaawanooyinka xaddidan ee loo fidiyo somaliland ay dib u dhigeen dib-u-soo-kaabashadii muuqan lahayd ee xagga dhaqaalaha iyo siyaasadda ee dalkaasi, markaasi waxa la odhan karaa dhinaca kale inay ku kacday qiime amma la timid saamayn banii’aadminnimo. Mana aha wax sahlan oo suurtogal ah in si sugan loo xisaabiyo saamayntaasi. Haddana maqnaanshaha faragelin weyn oo debadeed waxay keentay in siyaasadda guduhu ay hoos ka soo dhisanto, iyada oo aanay hageyn saamayn ka timaadda imkaaniyaad, amma taageero iyo ajandooyin debadadeed.22
waxa jira sabab Somaliland qiil uga dhiganayso inay xaq u leedahay madaxbannaani. Sida uu qabo xeerka Ururka Midowga Afrika, xuduudaha dalaku waa inay ku ekaadaan xuduudihii ay lahaayeen ee loo qeexay waqtigii ay gobannimada qaateen ee ay madax bannaanadeen. Maxmiyaddii hore ee Ingiriiska ee Somaliland waxay dhawr maalmood ahayd dal madaxbannaan oo leh xuduudo gooniya oo sugan, ka hor intii aanay la midoobin dalkii loo yaqaanney Soomaaliya italiana ee Koonfurta oo ahayd mustacmarad Talyaani. Hasse ahaatee waxa carqalad weyn oo aan la dhaafi karin ku noqotay mawqifka Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Muqdishu oo si aan leexleexad lahayn uga horjeedda madaxbannaanida Somaliland. Dawladaha ajanebigu waxay beryahan danbe wax ka bedeleen mawqifkoodii hore ay ugu dhegganaan jireen ee ku aaddanaa Somaliland. Maraykanku waxa uu ku dhawaaqay sanadkii 2010 inuu taageero dheeraad ah siinayo dalkaasi. Ingiriiska ayaa isna bedeley mawqifkiisii amma sidii uu ula macaamilayey. Inta badan dalalka aduunku waxay ku doodaan in uu yahay Ururka Midowga Afrika kan ay la gudboon tahay in uu go’aan ka gaadho waxa laga yeelayo Somaliland ee arrinteedu ay noqonayso. Marka loo eego awod-darrida iyo guud ahaan inta badan wax- ku-ool la’aanta ururkaasi, lagama yaabo dadweynaha Somaliland inay beryahaasi arkaan wax isbedel ah oo dhakhso ah oo ku yimaad sida ay haatan yihiin amma xaaladda ay ku sugan yihiin.
Sabata ay dad sidaas u badan oo reer Somaliland ah oo qurba-jooga ahaa ay ugu noqonayeen dhulkoodii, una awodeen inay ku dhiiradaan bilaabidda mashariic xiiso leh oo lafahooda iyo guud ahaanba dalka ay wax ugu qabanayaan, waxa weeye in ilaa 1991-kii ay Somaliland dib u dhisaysey dhaqaalaheeda, mujtamaceeda, iyo dawladdeedaba, taasi oo ka duwan xaaladaha ka jirey Soomaaliya. Dib-u-dhiskani waxay u samaynaysay oo uu u socda si gaabis ah oo qun-yar-socod ah, kuna salaysan habkooda iyo qaabkooda, si xeelad ahna looga guurayey nidaamkii siyaasadeed ee ku dhisnaa qaab-beeleedka, loona gudbayey qaab ugu danbayntii ah hab diimoqoraadi ah oo soomaaliyeed oo ku dhisan axsaab badan. Sababta oo ah in aan Somaliland debadda lagaga keenin qaababka reer-Galbeedka ee nabadaynta iyo dib-u-dhiska, Somaliland waxay siyaabo badan uga badbaaddey waxa ku dhacay ee ay ku danbeysey Soomaaliya. Waayo-aragnnimada tusaale ee Somaliland waxay muujisay oo ay soo bandhigtay in haddii dadka loo dhaafo inay iyagu maamushaan arrimahooda, in Soomaalidu ay awod u leedaay inay samysantaan qaran dawli ah oo isagu isku tiirsan oo iskii wax u qabsan kara.
Ka bacdi markii Somaliland ay ka goosatay Soomaaliya, 18-kii bishii May ee 1991-kii, taasi oo sabab u noqotay inay ka sabata baxdo fargelin debadeed, dadka reer-Somaliland waxay dib ugu noqdeen oo ay hoos ugu dhaadheceen dhaqankoodii, iyaga oo dhisay nidaam bilawgii ku qotomey siyaasad hab-beeleed iyo qaddarinta hoggaanka iyo talada odayaasha, laakiin marba marka ka danbaysa la sii waafajinayo oo la isla qabadsiinayo qaababka casriga ah ee siyaasadda. Waxa la qabtay shirar badan oo is-xigxigey oo ay yeesheen beeluhu, shirarkaasi oo ergooyinku ka kala socdey dhammaan qaybaha mujtamacaasi ay ka doodeen, kana wada tashadeen, qaab-siyaasadeedka la qaadanayo, iyo sida loo qaybsanayo awodda xukunka. Iyadoo ka duwan ‘shirarkii dib-u-heshiinta’ ee faraha badnaa ee debadaha laga soo abaabulay ee loo qabtay Soomaaliya laga soo bilaao 1991-kii, kuwan Somaliland ee hoos iyo gudaha ka soo asaasmay ee cidda qabsatay iyo cidda loo qabtay ay soomaali ahaayeen, waxa ka soo baxay hab lagu dhaqmi karo oo wax-ku-ool ah oo
cuntama, ficil ahaanna runtii shaqaynaya oo la dabbiqi karo. Shirarkaasi siyaaasadeed ee Somaliland waxay iskugu soo biyo shubteen aakhirkii, shirweynihii magaalada Borama sanadkii 1993, kaasi oo socdey muddo afar bilood ah, kuna dhammaaday magacaabidda madaxweynihii labaad ee Somaliland, uguna xilli dheeraa, Mohamed Ibrahim Egal. Mark Bradbury waxa uu qabaa in ahmiyadda shirkaasi saamayntiisu aanay ku ekayn oo qudha xuduudaha Somaliland, laakiin ay aad uga durugsan tahay: ’
Shiiirweynihii Borama ee 1993 ma koobayn astaynta xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland oo qudha, laakiin waxa kale oo uu tusaale u ahaa hab nabadayneed oo dadweyne oo dhaqan ah oo gudaha ka soo asaasma, qaabkaasi oo wax u dhigmaa ay ku yar yihiin Afrikada maanta.23
Bradbbury waxa uu ku doodayaa in tiirka aasaasiga u ah guulaysiga Somaliland uu yahay in dawladnnimadu ay ka soo bilaabantay aasaaska hoose ee mujtamaca amma dadweynaha, taasi oo si weyn uga geddisan qaabka Soomaaliya ay ku socotey: ’ Haddii aynnu dib u xusno
sifihii ay Virginia Luling ka bixisay Soomaaliya 1980- yadii, ee ay ku tilmaantay ” dawlad ka dul laallaadda dadweyne aan weligood dhisan lahayn dawlad noocaas ah, amma aan dalban lahayn iyada oo kale oo aan ku iman rabitaankooda”, haddii sifahaasi la barbardhigo oo loo eego , tan Somaliland waxay u muuqanaysaa mid ku dhisan, kana timid dadweynaha, ee aanay ahayn mid dusha lagaga keenay.”24
Waxa loo dejiyey Somaliland nidaam dawli ah oo iskugu dhafan noocyo kala duwan. Waxa la isku milay oo uu iskugu jiraa qaababka dawliga ah ee reer- Galbeedka iyo kuwa dhaqanka ee arrimaha ijtimaaciga iyo siyaasadda. Tani waxay ka muuqataa oo laga dhex arki karaa hey’addaha sharci-dejinta amma golayaasha Somaliland oo iskugu jira qaababka dhaqanka iyo kuwa casriga ah. Golaha Guurtidu waxa uu ka kooban yahay Odayaasha beelaha, halka aqalka baarlamaanka amma golaha wakiilladu uu ka kooban yahay mudanayaal la soo doorto. Is-waafajinta qaababkani dhaqanka Soomaalida ee golaha odayaasha ee loo yaqaan Guurtida ee lagu daray qaabkii dawliga ahaa, lana siiyey golahaasi guurtida kaalin cad oo hawlaha iyo mas’uuliyaadka ay gudanayaan, kuwaasi oo ay ku jirto xallinta khilaafaadka gudaha, arrimahani waxay u suurtogeliyeen in Somaliland ay ka faa’iidaysato oo ay adeegsato qaababkii hore u jirey ee dhaqanka ee is-maamulka, oo aanay iska indha-tirin amma burinin habakaas. Golaha Guurtida ee lagu soo daray nidaamkii siyaasiga ahaa, waxay suurtogelisay in si wax-ku-ool ah oo cuntanta loo adeegsado odayaasha ugu mudan mujtamaca ee laga danbeeyo, lana maqlo talooyinkooda waayo-aranimo ee xallinta khilaafaadka. Tani waxay ka mid tahay sababaha keenay in aanay khilaafaadkii faraha badnaa ee gudaha ee dalkaasi inta badan aanay isku rogin, amma ay far-ku-tiris ahaayeen, dagaallo buuxa oo dhex mara beelaha. Haddana golaha guurtida ee mudanka odayaashaa dadweynaha ee lagu soo daray nidaamkii dawliga ahaa, waxa kale oo si sugan loo habeeye in qaabka siyaasiga ahi uu matilo oo ay ka dhex muuqdaan beelaha dalkaasi. Aasaasi ahaanna, habka dawliga ahi waa isbahaysi awod-qaybsi oo ka kooban beelaha waaweyn ee dalkaasi, iyada oo beeluhu ay kuraas amma wakiillo ay ku leeyihiin aqalka sare iyo kan hoose labadaba, kuraastaasi oo tiradoodu ku salaysan tahay qorshe amma qaab hore loo dejiyey oo loo cayimay.
Si haddaba qaabkaasi isku-jirka ah ee Somaliland uu u hirgalo, una xuubsiibto nidaam dawli ah oo loo dhan yahay laguna wada jiro, tani waxay u baahatay in la helo hoggaan adag oo isku kalsoon. Tani waxa aad loogu sii baahday gaar ahaan xilliyadii hore ee ay jilicsanayd ee halistu ay jirtey, markii Somaliland ay bilawga ahayd ee ay iskeed ugu dhawaaqday jamhuuriyad socod-barad ah, Soomaaliya oo si weyn liddi ugu ahyd gooni-u-goosashada Somaliland-na ay ka holcayeen dagaallo sokeeye.
Ninka haddaba yeeshay geesinnimadii uu ugu badheedhi lahaa in uu hoggaamiyo Somaliland sannadihii ay dhallaanka ahayd ee ay debecsanayd waxa uu noqday madaxweyne Mohamed Ibrahim Egal oo ahaa siyaasi leh waayo-aragnnimo iyo heybad shakhsiyadeed, oo waqtigaas looga baahnaa oo muhim u ahaa si Somaliland ay u sii jirto oo ay u hanaqaaddo. Waxa uu yaqaanney sida looga hortago ee la iskaga caabbiyo kuwa iska ka soo horjeeda ee dhallila ee debadda iyo gudahaba.
Waxa uu ka badbaadi karayey siyaasadihii Soomaalida ee qasnaa, isagoo hore u soo kala qabtay mansabyo siyaasadeed oo sarsare, oo ay ku jirto ra’iisal- wasaare, iyo isagoo waqti badan ku jirey xabsiga xilligii xukunkii Mohamed Siyaad Barre. Waxa uu ahaa nin xariif ah oo xeelado badan, toos ah oo aan u habran cidna, oo hadallo iyo kaftan qayaxan. Ma ahayn nin u dhaqma hadba sida laga filayo ee ay tahay munaasabadda lagu jiraa. Mar aan la kulmay sannaddii 1994 oo lagu jirey xilliyo gaar ahaan adag, oo miliishiyooyin ka soo horjeedaa ay joogeen agagaarka magaalo-madaxda, dagaallo qabaa’ilna ay ka socdeen qaybo ka tirsan Somaliland, waxa uu u dhaqmayey sidii nin aan waxaasba danaynayn oo aanay damqayn, una muuqda in isku-kalsoonidiisa oo qudhihi ay ku filan tahay cadowgiisa oo meesha ka baxa.
Cigaal waxa uu joogey muddo ku filan in uu soo saaro Somaliland, dadweynaheedana ku beero isku-kalsooni ah inay iyagu wax qabsan karaan oo ay istaagi karaan. Markii uu dhintay 2002-dii, Somaliland waxay jirtey 11 sano, waxayna muddadaasi noqotay dal iskii wax u qabsan kara oo isku tiirsan, iyada oo dib ay ugu soo noqdeen boqollaal kun oo qaxooti ahaa oo ka yaacay dagaalladii 1980-maadkii, haatanna dib ugu soo noqday si ay u helaan nolol fiican.
Habkii loogu gudbayey madaxtooyo cusub waxa uu ahaa mid si caadi oo aan dhib lahayn u dhacay, sababta oo ah in marka horeba uu jirey qaab hore loo dejiyey oo ku saabsanaa qofka xilka qabanaya ee loo magacaabi karo, go’aankaasi oo ka mid ah awodaha waaweyn ee la siiyey aqalka sare ee Golaha Guurtida.
Markii loo magacaabay Dahir Riyaale Kaahin madaxweynannimada, dalku wuxu galay marxaladdii labaad xagga horumarka siyaasadda, waxana si caadi ah loogu gudbay hab xaddidan oo ku dhisan nidaamka diimoqoraadiyadda axsaabta badan. Somaliland waxay dabbaqday oo ay u gurguuranaysay sida ‘diinka’ oo kale, si ay u gaadho nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay, waxayna u socotay si tartiib-tartiib ah, laakiin ay hubto halka ay u socoto. Laba iyo tobankii sano ee ugu horreeyey intii ay jirtey Somaliland, gebi ahaanba ma jirin wax axsaab ah oo siyaasadeed.
Ka dibna, si looga hortago ururro siyaasadeed oo ku abtirsada beelo dabadana ku haya dano qabaa’il, waxa la xaddidey tirada axsaabta oo lagu koobay saddex; kuwaasi oo kala ahaa Kulmiye, Ururka Diimoqoraadiga ah ee Ummadaha Bahoobey (UDUB), iyo Ururka Caddaaladda iyo Daryeelka Dadweynaha (UCIDD).
Dastuurka dalkaasi waxa uu ka mamnuucayaa axsaabtu inay ku dhisnaadaan qabyaalad amma gobolaysi. Markii la gaadhay sanaddii 2011, waxa socdey doodo ku saabsan in la sameeyo hab kordhinaya ka wada qaybgalka siyaasadda. Qaabkani waxa uu dhinacyo badan kala mid yahay kii Uganda oo kale, oo madaxweyne Yuweri Museveni oo markii ugu horraysay ku bilaabay inuu soo rogo hab aan sidiisaba ku dhisnayn wax axsaab ah, kaasi oo markii danbe la ogolaaday in uu si tartiib-tartiib ah iskugu bedeley oo looga gudbo nidaamka dimoqoraaddiyada ee axsaabta badan, iyada oo dalkaasi uu ka soo baxayey sannado badan oo ay ka jireen khilaafyo iyo naxariisdarro siyaasadeed. Tijaabadan Uganda waxay ahayd mid bilawgii si fiican loogu guulaystay, laakiin markii danbe kharribantay, markii uu Museveni xukunka ku sii dhegganaaday.
Dawladda Somaliland, mararka qaar ururrada xuquuqda aadamigu waxay ku eedeyn jireyn dulqaad la’aan iyo inay ku kacayso wax-cadaadin. Bishii July ee 2007- dii, waxa la qabqabtay madaxdii urur siyaasadeed oo marakaasi samaysmay, ururkaasi oo la odhan jirey Qaran. Waxana wasaaradda arrimaha guduhu ay ku eedaysay inay khatar gelinayaan nabadgelyada qaranka. Saddex ka mid ah madaxdii ururka Qaran ayaa markii danbe la xidhay iyada oo aan maxkamad la geyn.
Doorashadii madaxweynennimada ee bishii April 2003, Dahir Riyaale Kaahin waxa uu ku helay aqlabiyad aad u yar oo ahayd siddeetan cod oo qudha oo uu dheeraaday qofkii ugu weynaa dadkii isaga la tartamayey, oo ahaa musharraxii ka socdey xisbiga Kulmiye. In kasta oo ay jireen eedaymo ku saabsan musumaasuq iyo falal wax- isweydaarin ah, haddana Somaliland kama dhicin qas iyo dhiig daataa. Riyaale waxa uu sii ahaaday madaxweynihii dalka xilli labaad. Doodo kulul ayaa ka dhacay baarlamaanka, mararka qaarna gacan-ka-hadal. Laakiin hadda Somaliland waxay awoddey inay daboolka ku hayso oo ay halkaa ku ekaadaan khilaafyada siyaasadeed, taasi oo macnaheedu noqon karo in ay soo baxayso oo looga gudbayo diimoqoraadiyad caafimaad qabta oo xoog leh, oo afkaarta kala geddisan macnaheedu aanay ahayn inay isku rogaan dagaal gacan- ka-hadal ah.
Waxa jirey xilliyo ay taagnaayeen xiisado waaweyn oo siyaasadeed, laga soo bilaabo sannaddii 2008-dii ilaa 2010-kii, markii doorashooyinkii la filayey ay kolba dib u sii dhaceen, sababta oo ahayd dhibaatooyin la xidhiidhey liiskii diiwaangelinta cod-bixiyayaasha iyo arrimo kale oo murugsanaa. Markii aakhirkii ay suurtowdey in la qabto doorashadii sanadkii 2010-kii, dadweynaha waxa ka go’naa inay dhiibtaan codkooda, waxayna galeen safaf dhaadheer oo ay tubnaayeen milicda saacado badan, iyaga oo aan waxba ka soo qaadin oo iska indhatiray hanjaabadihii iyo digniintii ururka al-Shabaab ee ahaa in aan loo soo bixin oo aan laga qayb geli doorashooyinkaasi. Hoggaamiyihii xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa doorashadaasi ku helay aqlabiyad kooban. Iyada oo ka geddisan sida ay yeeleen hoggaamiyayaashii dalal kale oo Afrikaan ah oo ka horumarsan Somaliland, lehna nidaamyo diimoqoraddi ah, sida Ivory Coast, Zimbabwe iyo Kenya, madaxweynihii waqtigaasi waxa uu aqbalay natiijadii ka soo baxday doorashadaasi, waxanu awoddii xukunka ku wareejiyey Ahmed Mohamed Siilaanyo oo noqday madaxweynihii afraad ee dalkaasi muudadii labaatanka sano ahayd ee Somaliland ay jirtey.
Somaliland ma aha meel aan lahayn mashaakilkeeda. Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa ah kuwa uu ka jiro khilaaf ka dhexeeya Puntland, mararna ay ka dhacaan dagaallo goosgoos oo dhex mara labada dhinac. Waxa kale oo gobolladaasi ka jirta kooxda mucaaradka ah ee SSC, kuwaasi oo u dagaallamaya sidii gobolladaasi ay dib ula midayn lahaayen Soomaaliya. Somaliland waxa kale oo wax ka soo gaadheen dagaallada ay wadaan kooxaha Islaamiyiintu. Hoggaamiyaha al-Shabaab, Ahmed Abdi Godane, waa nin reer Somaliland ah. Hey’adaha nabad-sugidduna waxay sheegaan inay jiraan xubno qarsoon oo ka tirsan taageerayaasha al-Shabaab oo ku dhex dhuumanaya dalka dhexdiisa. Bishii October ee 2008, al-Shabaab waxay magaalada Hargeysa ka dhex fulisay sadderx qarax oo ismiidaamin ahaa oo ay mar ku wada qaadday qasriga madaxtooyada, xarumaha Barnaamujka Horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP), iyo xafiiskii ilaalinta danaha Ethiopia. Isla markaasi waxay ka dhex fulisay Puntland laba weerar. Waxa ku dhintay weerarradaasi oo lagu diley dad ilaa soddon qof ah.
Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda nabadgelyada ee Somaliland waxa uu ii sheegay in bileyska iyo milateriga dalku ay yihiin kuwa taag daran oo aan wax ka qaban karayn khataraha waaweyn ee ku iman kara nabadgelyada. Waxa uu sheegay in ciidamada nabadgelyadu ay yihiin kuwa la lumiyey oo musuqmaasuq kharribey: ‘sharciga halkan ka shaqeeyaa waa konton
doollar oo Maraykan ah’, ayuu yidhi. Hargeisa waxa uu ku tilmaamay inay tahay ‘albaabka loo sii maro Muqdishu’, waxanu intaasi ku daray in Islaamiyiinta xagjirka ah qaarkood ay ka soo galaan gobolka dhinaca Somaliland oo ay marin ka dhigtaan, halkaasi oo aan inta badan laga yaabin in laga shakiyo. Dhibaato kale oo sarkaalkaasi ii sheegay waxa weeye in Somaliland ay haatan ku sugan yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed oo mashaakil kala kulmay xagga sharci, gaar ahaan mukhaadaraadka amma maandooriyayaasha, dalalkii ay joogi jireen ee Ingiriiska, Holland, Denmark, iyo dalalka kale ee Yurub. Waxa uu yidhi dhallinyaraasi waxay ku dhex milmeen ddweynihii halkan ee gudaha, iyaga oo la yimid falal-denbiyeedyo ay dalka soo geliyaan.
Arrinta ah jiritaanka ‘laba Soomaaliyeed’ waxay keenaysaa su’aalo muhiim ah oo la isweydiiyo. Maxay ku dhacday in in ka badan labaatan sano ka bacdi, in Qaramada Midoobey iyo dawladaha ugu awodda badan adduunku ay weli sii wadaan inay siiyaan hanti, aqoonsi, iyo taageeraba dawladda ‘dhexe’ ee Muqdishu oo mararka qaar maamulkeedu aanu dhaafsiisnayn wax ka baxsan dhawr degmo oo ka tirsan magaalo-madaxda, weligeedna aan wada gaadhin Soomaaliya oo dhan? Maxay uga gaabiyeen inay ka shidaal qaataan tusaalaha iyo waayo-aragnnimada Somaliland, oo ay u garan waayeen in, halka la samaynayo faragelin debadeed oo fara badan, in malaha ay habboon tahay in la yareeyo, oo sidaasi ay tahay sida loogu qaatey?

7 Dumar ka tirsan booliska Somaliland (Mary Harper)
Iyada oo imika Ingiriiska iyo Maraykanu ay siinayaan Somaliland iyo gobollada kale ee deggan ee Soomaaliyeed taageero dheeraad ah, waxa iman karta khatar kale oo soo biirta oo ah in laga yaabo in lacagayowga la geynayo dhulalkaasi ay keenaan dhibaatooyin kale.
Somaliland waxa qarqiyey oo ka buuxa hey’adaha aan dawliga ahayn (NGOs). Markii aan baabuur ku dhex maray magaalada Hargeisa, calaamadaha iyo boodhdhka aan arkay waxay u badnaayeen, marka laga reebo xayeysiisyada sharikadaha isgaadhsiinta iyo kambaniyada telifoonnada gacanta ee moobiillada, boodhadka shaacinaya magacyada hey’adaha aan dawliga ahayn ee gudaha (NGOs) iyo kuwa caalamiga ah, iyo hey’adaha Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa ee jooga dalka. Waxan qoray liis koobaya magacyada aan ku arkay laba jid amma waddo oo qudha: Action Against Poverty, Somaliland Youth Peer Education Group, Handicap International, UNESCO, Mercy Corps, FAO,
UNDP … Markii aan dhex luugeeyey xaafadaha kale ee liita ee saboolka ah ee magaaladana, dadku inta ay i joojiyaan, ayay i weydiinayeen, ‘NGO-gee ayaad ka tirsan tahay amma ka socotaa? Maxaad noo siddaa?’
Dhibaato kale oo walaac leh oo ay la imanayaan hey’adahan caalamiga ah ee horumarintu ee soo badanayaa waa dadkii aqoonta iyo kartida lahaa ee Somaliland oo ku qulqulaya hey’adahaasi, kana tegaya hey’adihii gudaha iyo ururradii waddaniga ahaa, iyaga oo u xilanaya mushaharka sare, iyo magaca laga yaabo inay ku helaan inay u shaqeeyaan Qaramada Midoobey (UN), amma hey’ad kale oo caalami ah. Dad dhawr ah oo reer Somaliland ah, oo sannado badan ku qaatay dib-u- dhiskii dalkooda, iyaga oo aan helin mucaawano sidaaya oo debadeed, waxay ii sheegeen inay ka baqayaan in NGO-yadan badan ee dalka qarqiyeen ay dhici karto inay tirtiraan niyaddi iyo isku-tashigii ahaa in dadku ay iskood ‘wax u qabsan karaan’, kuna bedelaan dhaqan ah in aad cid kale ku tiirsanaatid oo aanad adigu waxba qabsan.
Waxyaabaha cuntama ee Somaliland ay dhaqan gelisey, gaar ahaanna abuuritaanka nidaam siyaasi ah oo shaqaynaya, waa wax ay kaga dayan karaan gobollada kale ee Soomaaliya ee ismaamulka hoose lihi. Laakiin haddii taasi lafteeda lagu sii talax tago oo lagu fogaado, waxay keeni kartaan inay samaysmaan dhawr dawladood oo kale oo Soomaaliyeed, iyo in guud ahaanba Soomaaliya ay si rasmi ah u kala burburto amma u kala qaybsanto. Waxa kale oo suurtagal ah in Somaliland ay ka mid noqoto dawlad Soomaaliyeed oo laakiin ku dhisan hab guud oo federaal qaab sare ah, oo nidaamka siyaasadeed ee Somalilandna uu noqdo mid ay kaga daydaan oo ay qaataan maammullada gobollada kale. Laakiin tani lagama yaabo inay dhacdo, waayo
Somaliland ma doonayso inta suurtogal ah inay wax ku sidaaya ku darsato Soomaaliya, ugu yaraan marka loo eego sida xaaladdeedu ay haatan tahay. Ismail Mohamed Hurre, oo lagu naanayso Boobaa, horena u ahaan jirey wasiirka arrimaha debadda ee dawladdii ku-meelgaadhka ahayd ee Soomaaliya, waa nin asalkiisu ka soo jeeda Somaliland.. Laakiin markii aan la kulmay sannaddii 2010-kii, waxa uu dhawr sannaba degganaa huteelka Andalus ee magaalada Nairobi. In kasta oo uu asal ahaan ka soo horjeedo fikradda gooni-isku-taagga amma madaxbannaanida Somaliland, haddana waxa uu qabaa in magaala-madaxda Hargeisa ay noqon karto xaruntii awodda xukunka ee Soomaaliya oo dhan:
Somaliland waxay immika taagan tahay heer ay xukumi karto Soomaaliya oo dhan. Somaliland haatan waa meel nabad ah oo bed qabta, laakiin haddii xaaladda Muqdishu ay sidaas ku sii jirto oo ay ku sii socoto, qaskaas iyo dagaalladaasi waxa uu aakhirka saamayn doonaa oo uu gaadhi doonaa Hargeisa, ha noqoto xilli dhaw amma xilli danbe. Qayb keliya kama jiri karto nabad iyo degganaansho aan ka jirin kuwa kale. Soomaalidu waxay noqonaysaa mid amma wada dhibaataysan, amma wada tanaadda oo horumar wada samaysa. Waxannu nahay ummad qudha oo qaran ah. Qolooyinka amma beeluhu ma noqon karaa qaran. Ummadda Soomaaliyeed ee Geeska Afrika waa dal gebi ahaan mid ah. Kama rajo qabno oo ma sugeynno in dib loo abuuro qaran Soomaaliyeed oo ka kooban shantii xiddigood. Taasi waxay noqonaysaa riyo fog oo cirka jirta. Waa in aan ku xisaabtanna xaqaa’iqa maanta jira, labada qaybood ee dadweynaha deggani ay boqolkiiba-boqol yihiin Soomaali. Labadaas qaybood mustaqbalkooda iyo aayahooda danbe waa isku mid oo waa mid ay wadaagaan, nabad iyo nabad la’aan labadaba.
Sannadkii 2011, xubno ka tirsan baarlamaanka fahdigiisu yahay magaalada Muqdishu iyo Soomaali kale oo reer-Koonfureed ah oo muhim ah, ayaa waxa ka muuqatay inay ka gunuunacayaan amma ka murmayaan suurtogalnnimada in Somlia oo dhan laga xukumo Hargeisa. Tiro yar ayaa xataa sheegtay inay jeclaan
lahaayeen in madaxweynaha Somaliland, Ahmed Silaanyo, in uu la wareego xukunka dhammaan dhulka Soomaalida.
Sida uu ugu tilmaamay Michael Walls qoraalkiisii ‘Soo-ifbixitaanka Somaliland’ ee 2009, Soomaaliya waxa horyaal waxyaabo badan oo ay ka baran karto Somaliland, oo ku saabsan sida ay uga gudbi karto meel dagaallo ay burburiyeen, una gudbi karto qaab- dawladeed shaqaynaya oo wax-ku-ool ah:
Xilligan xaaladaha ka jira dhulalka Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya ay yihiin qaar ugu wacnaan kara in quus laga taagnaado, waxa muhiim ah in la aqoonsado oo la isku dayo in wax laga barto xaqiiqada taal Somaliland ee ka duwan xaaladahaasi, halkaasi oo imkaaniyaadkii gudaha, si habboon oo wax-ku-ool ah loogu adeegsadey sidii loo heli lahaa nabad waarta iyo hab u muuqada nidaam diimoqoraadi ah oo shaqaynaya.25
Guusha Somaliland waxa xuddun u ah qaababkeeda siyaasadeed ee isku-dhafka ah ee sida firfircoon u shaqaynaya, kuwaasi oo meelaynaya oo tixgelinaya hab- beeleedka iyo hoggaankii dhaqanka, laakiin aan u ogolaanayn inay yeeshaan awodda buuxda iyo gacanta sare ee siyaasadda. Suxufiga Raage Omaar oo ah nin ka soo jeeda Somaliland, sida uu ku qoray maqaalad ku soo baxaday jariidadda the Guardian 6-dii July ee 2010 oo cunwaankeedu ahaa ‘Jihaad-doonka albaabka kugu xiga jooga’, waxa uu isna qabaa inay tahay wax lala yaabo in dawladaha debaddu aanay ilaa hadda si buuxda ugu soo jeesan Somaliland, marka loo eego siyaasadahooga ku aaddan Soomaaliya, laakiin ay ka door bideen inay xoogga saaraan dalalka kale ee la deriska ah Soomaaliya:
Dawladda go’doonka ah ee Muqdishu ee Qaramada Midoobay ay ilaaliso, ma haysato cid kale oo ay iskaashadaan oo leh ciidan nabadgelyo oo xoog leh, hey’ado iyo waaxyo ku dhisan hab dimoqoraaddi ah, iyo aqoon dheer xagga dhaqanka Soomaalida, luqada, nidaamk beelaha iyo siyaasadda intaba. Ilaa hadda, dawladaha reer- galbeedku, waxay ka dhawrayeen dalalka Ethiopia,
Kenya, Uganda iyo kuwa kale inay noqdaan bahda ugu weyn ee ay iskaashadaan, iyaga oo indhaha ka lalinaya oo aan tixgelinayn cidda ay kaashan lahaayeen ee dan toos ahi ay ugu jirto in nabad iyo xassillooni laga sameeyo Muqdishu, lana joojiyo faafitaanka caaddifadda waddaniyadda ee is-ballaadhinta.26
Waaya-aragnnimada Somaliland waxay ugu yaraan keenaysaa tusaale rajo oo ay yeeshaan, kana fii’deystaan qaybaha kale ee Soomaaliya ee ku guuldarraystay inay ka sabatabaxaan dagaallo iyo deganaansho la’aan aan dhammaad lahayn oo soo noqnoqonaya. Dhinacyada ay iskaga midka yihiin ee ay wadaagaan gobolladaasi ayaa ka badan oo ka weyn waxyaabaha ay ku kala geddisan yihiin; haddii Somaliland ay wax qabsatayna, sidoo kale Soomaaliya iyana waxbay qabsan kartaa. Labadaba waxa burburiyey dagaallo, labadaba waxa si qoto dheer oo murugsan uga ka jira hab-beeleedyo dhaqan ah oo loo kala qaybsamo, labadabana waxa ka jira dadweyne leh hal-abuur, ku- dhac iyo dhiirranaan. Xaqiiqada ah in xataa qaybihii Soomaaliya ee ay ugu badnaayeen qaska iyo dagaalladu, in haatan ay awodeen inay horumar dhaqaale oo degdeg ah ka sameeyaan dhinacyada qaar oo ay ku jiraan xoolaha nool, sharikadaha xawaaladaha lacagaha iyo kuwa isgaadhsiinta, waxay noqonaysaa oo soo kordhinaysaa in dawladnnimo ‘fashilanta’ amma guudaraysta aan loo qaadan Karin in macnaheedu yahay dal fashilmay.
Magacaygu waa Geeddow Cali. Waxan ku noolahay meel ka mid ah xeebaha Soomaaliyeed ee Badweynta Hindiya. Waxan jecelahay in aan la iigu yeedhin ‘budhcad’ ee la iigu yeedho xubin ka tirsan ‘ciidanka ilaalada xeebaha’.
Dhulkayaga si fiican ayaannu ugu noolaan jirney, laakiin duruufaha ayaa nagu kallifay in aannu noqonno waxa haatan aannu nahay. Waxannu ahaan jirney kalluumaysato, noloshayadiina waxa khatar geliyey ajanebi soo galay badahayagii oo kalluunkayagii qaatay. Sidaa awgeedna, waxan go’aansannay in aannu arrintaasi wax ka qabanno, waana sababtaa ujeedadaa aannu u samaynnay ururkan ‘Ciidamada Ilaalada Xeebaha’.
Waxannu soo qabannaa maraakiibta soo gasha badahayaga. Waxannu ka qaadnnaa ‘khidmad amma cashuur’, waxanannu ka codsannaa in aanay dib noogu soo noqon. Lacagtaas waxannu ku isticmaalnaa in aannu dib ugu soo iibsanno qalabkii ay naga burburiyeen ajanebiga nagu soo duuley, iyo in aannu magdhaw ka siinno qoysaskii dadkii naga tirsanaa ee ay dileen amma dhaawaceen. Aniga noloshaydu aad ayay u fiican tahay imika, laakiin waxa jira dad ka tirsan ‘Ilaalada Xeebaha’ oo ku nool xaalado aad u liita.
Waxan maqlay in la nagu sheego in aannu ku xidhannahay ururro waawaeyn oo caalami ah oo dembiilayaal ah. Waxaas waa wax aan waxba ka jirin gebi ahaan oo been ah, in kasta oo aannu jecel nahay in aannu taageero ka helno cid kasta oo dhinacayaga ah oo ka horjeesata gardarrada Maraykanka.
Hadda ka hor waxannu ogaan jirney oo keliya meesha ay joogaan maraakiibta ajanebiga ah ee maraya agagaarka xeebahayaga, laakiin maalmahani ciidamadan soo duuley ayaa aad u kordhiyey ilaaladii. Laakkiin dan kama lihin taas oo kama werwerno, waayo waxannu samaynay farsamooyin kale oo aannu ku ogaan karno, kuna soo qabsan karno maraakiibta maraysa meel kasta, xattaa kuwa maraaya agagaarka Cummaan, India, iyo Madagascar.
Adduunka intiisa kale waxa ka dhaadhacsan oo ay noo haystaan in aannu nahay dad xun. Waxay noo haystaan denbiilayaal in aannu nahay. Laakiin ma jirto cid qudha oo inta ay noo timid wax na weydiisey. Duruufahan waxa keenay, ma jirin wax kale oo aanu samayn karanney amma ku bedelanno; waxa la nagu khasbay in aannu noqonno ‘Ciidamada Ilaalada Xeebaha’, waxana noogu wacan ajanebigan nagu soo duuley. Sidaas ayaanan ku sii wadeynna oo ku jireynna ilaa inta la noo imanayo ee wax la na weydiinayo, dhibaatooyinkayagana la garawsanayo. (Geeddow Cali, February 2011).
Soo-ifbixitaanka budhcad-badeedda ka dillaacday Soomaaliya, laga soo bilaabo badhtamihii sannadkii 2000, waxay soo jeedisey adduunka oo ku baraarugay dhibaatadani, una daneeyey si ka weyn oo ka badan sidii loo danayn jirey wax kasta oo kale oo ka mid ah xaaladaha dalkaasi. Jaraa’idka ayaa ka qoray maqaalado iyo bogaga aad u fara badan, qalabka warbaahintuna waxa uu siiyey waqti dheeraad ah oo ka badan inta la siiyo mawaadiicda kale, in kasta oo falalkani budhcad-badeeddu ay yihiin hawlgallo ay ku lug leeyihiin qayb yar oo keliya oo ka tirsan dadweynaha, haddana ay yihiin arrimahaasi oo dhammi kuwo guud ahaan ka bixinaya Soomaaliya sawir amma muuqaal aan sax wada ahayn.
Warbaahinta reer-Galbeedku waxay harraad weyn oo aan la haqabtiri karayn u qabaan wararka iyo sheekooyinka la xidhiidha ee ka hadlaya arrimaha budhcad-badeedka. Waa arrin yeelan karta waxyaabo la daneeyo oo si lab-la-kac ah oo caruurnnimo loo xiiseeyo, laakiin dhinaca kalena ah naxarii-darro xanuun badan oo ku- talax-tag ah.
Doonyo yaryar oo dheereeya oo ay saran yihiin kooxo Soomaali ah oo dhuudhuuban oo wada caato ah, oo la luudaya qoryo ku culus iyaga, ayaa ku wareega badweynta Hindia, si ay u ugaadhsadaan maraakiibta. Waxay qaataan oo ay adeegsadaan qalab yaryar oo fudud, sida xadhko wata qadhabatooyin la sudho meelaha la rabo in la fanto amma la fuulo, sallaan amma jaranjarooyin, si ay u fuulaan oo ay u qabsadaan maraakiibta waaweyn ee raran iyo shaqaalaha la socda, ugana qaataan lacag madax-furasho ah oo malaayiin doollar ah, madax-furashadaasi oo marka la bixiyo oo keliya ka bacdi ay sii daayaan dadkii la-haystayaasha ahaa iyo maraakiibtii. Waxa dhacda is-rasaasayn iyo taxshiirado la is-weydaarsado, weerarro iyo hawlgallo la isku dayo in dadkaasi iyo maraakiibtaasi lagu soo furto, iyo hawgallo ku danbeeya khasaare iyo dhibaatootin naxdin iyo murugo leh oo ka yimaadda.
Waa wax u ekaan kara filimada Hollywood ee la jilo iyo sheekooyinka khatarta ah ee qar-iska-xuurnnimada, laakiin waa wax run ah oo jira.1
Budhcad-badeedda Soomaalida, waxa ka abuurmay dhaqaale cusub, kaasi oo aan u keenin budhcadda afduubta maraakiibta oo keliya lacagyow aad u fara badan, laakiin sidoo kale dhakhli badan iyaguna ka hela oo ay ku qabaan kuwa soo abaabula ee ka danbeeya hawlgalladaasi iyo kuwa gacanta dhexe amma dillaaliinta ah ee u qaabilsan gorgortanka. Qaar kalena waxay siyaabo kale lacago uga helaan farsamooyinka noqday shaqo iyo xirfad lagu xoogsado oo wax lagu helo ee hawlaha la xidhiidha budhcad- badeedda iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadaasi.
Waxa la abuuray sharikado cusub oo xagga nabadgelyada ah oo ka ilaaliya maraakiibta weerarrada budhcad-badeedda. Waxa lagu dhaqaaqay sidii loo samayn lahaa, loona iibgelin lahaa, qalabka ka- hortagga budhcadbadedda, kuwaasi oo ay ku jiraan xayndaabyo silig amma taar ah oo koranto lagu xidho oo lagu wareejiyo dheegga maraakiibta, tuunbooyin amma dhuumo waaweyn oo lagu furo budhcadda iyo qoryo madaafiic ah oo qaylo dheer oo aan loo adkaysan Karin, oo lagaga sasiyo, la iskaga waabiyo ciddii looga shakiyo inay weerar yihiin ee ku soo dhawaata maraakiibtaasi. Waxa soo baxay noocyo cusub oo ah khubaro, la-taliyayaal, caymis, qareenno, wakiillo, shaqaale iyo ciidammo gaar ah oo xagga nabadgelyada ah, iyo dillaaliin qaabilsan wada hadallada gorgortanka lacagta madax-furashada, dhammaan kooxahaasi oo budhcad-badeedda Soomaaliya ay u noqotay shaqo ay lacagayow fiican iyo nolol ka heli karaan.
Heerarka caymiska ee maraakiibta ka gooshaysa xeebaha Soomaaliya, waxay kor u kaceen toban-laab markii budhcad-badeeddu ka bilaabantay soohdimahaasi.2

Khariidad 4.1 Meelaha ay gaadheen weerarrada budhcad- badeedda Soomaalidu, 2005 – 2010
Ka sakow dhammaan khubaradan cusub, iyo joogitaanka ciidammo caalami ah ee ilaaliya xeebaha Soomaaliya, haddana waxa sii korodhay budhcad-badeeddii
gobolkaas, in kasta oo tirada weerarrada ay qaadaan ay yihiin qaar isbedelaya oo ku xidhan hadba xilliga lagu jiro. Bishii Oktoobar ee 2009, waxa la afduubay siddeed markab iyo 170 shaqaale ah oo ay qafaasheen budhcad-badeeddu. Bishii April ee 2011-kiina, sida laga soo xigtay tirakoob ay samaysay hey’adda caalamiga ah ee ka-hortagga budhcad-badeedda ee Ecoterra, tirada maraakiibta la qabsaday waxay gaadhay ilaa konton, iyo shaqaale ka badan siddeed boqol oo qof.3
Soomaalidu waxay noqdeen kuwa ugu firfircoon, uguna badan xagga ku-guuleysiga hawlgallada qafaalashada, marka loo eego budhcad-badeedda adduunka. Sida uu sheegay Xafiiska Badaha Caalamiga ah (International Maritime Bureau), guud ahaan tirada maraakiibta adduunka oo dhan laga afduubay sannadkii 2010 waxay dhammayd 53 markab, 49 kuwaas ka mid ahna waxa qabsaday budhcad-badeed Soomaali ah. Isna machad Maraykan ah oo la yidhaa One Earth Future, waxa uu 2010-kii ku qiyaasay in falalka budhcad-badeedda, oo intooda badan ka dhaca xeebaha Soomaaliya, inay ku kacaan kharash dhan inta u dhaxaysa toddoba ilaa laba-iyo-toban bilyan oo dollar oo kaga baxa dhaqaalaha caalamiga ah.4
Waxay u muuqataa in sida qudha ee looga hortegi karo, loona hubin karo in budhcad-badeeddu aanay soo weerarin maraakiibta ka gooshaysa xeebaha Soomaaliya, inay tahay in maraakiibtaasi la raaciyo ciidammo iyo maraakiib ah kuwa dagaalka ee badda oo la oo ilaaliya. Hawgallada noocan ah, waxa gaar ahaan loo abaabulay maraakiibta Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobey (WFP) ee raashinka gargaarka ah u qaada Soomaaliya, kana taga dekadda Mombassa ee Kenya, maraakiibtaasi oo ilaa hadda ka badbaadey weerarrada budhcad-badeedda. Laakiin ma noqonayso wax suurtogal ah in markab kasta oo ka mid ah tobannaanka kun ee markab ee sannad kasta mara soohdimahaasi, in loo sameeyo oo la raaciyo ciidammo ilaaliya.
Ciidamada caalamiga ah ee ilaalinta badahaasi, ayaa ka sameeyey Khooriga Cadmeed aag marin ah oo bedqaba amma ka fayow budhcad-badeedda oo ay mari karaan maraakiibtu, khoorigaasi oo la sii mariyo boqolkiiba- shan-iyo-soddon saliidda adduunka. Khoorigaasina waxa loo yaqaan meel halis ah oo u nugul budhcad-badeedda amma ‘Hoygii Budhcad-badeedda’, sababta oo ah weerararda badan ee ay halkaasi ka soo qaadaan.
Tallaabooyinkani, budhcad-badeeddu waxay kaga jawaabeen iyaga oo bedeley xeeladihii iyo hababkii ay adeegsan jireen ee ay wax ku soo qafaalan jireen. Halkii ay awal ka isticmaali jireen doonyo yaryar oo ay ka soo kaxaystaan Soomaaliya oo ay wax ku weeraraan, waxay sameeyeen inay marka hore soo qabsadaan maraakiib heer dhexe ah oo ay ku rartaan qalabka iyo doonyaha dheereeya, kuna tagaan meelo fogfog oo ah badweynta Hindiya, ilaa Sychelles, India iyo Madagascar, kana qaadaan duullaankooda hakaasi. Sannadkii 2011, hawlgallada budhcad-badeedda Soomaalidu waxay gaadheen dhul iyo meelo aad u ballaadhan oo baaxad weyn – ilaa afar milyan oo kiiloomitir oo dhinac walba iska leeg oo badweynta ah. Dhulka baaxaddaasi lihina waa mid aad ugu culus oo aan suurtogal ahayn in ciidamada caalamaiga ah ee ilaalada baduhu inay la wada socdaan oo ay ka warhayaan, iskaba daa inay ilaaliyaan oo ay kormeeraane. Adeegsiga maraakiibtaasi heerka dhexe ah ee ay marka hore soo qabsadaan budhcad-badeeddu, kuna shaqaystaan inta badan isla shaqaalihii maraakiibtaasi, waxay awodsiisay budhcad-badeeddu inay sii wadan karaan hawgalladooda sanadka oo dhan, sababta oo ah maraakiibtaasi waaweyni waa qaar u adkaysan kara badaha kacsan iyo hawada kharriban.
Mid ka mid ah weerarradii ugu cajiibsanaa, uguna dhiirranaa waxa uu dhacay bishii November ee 2008, markii koox yar oo ah budhca-badeed Soomaaliyeed ay afduubeen markabkii Sirius Star, marabkaasi oo ahaa nooca ugu waaweyn ee qaada saliidda, lagana lahaa dalka Saudi Arabia, oo dhererkiisa iyo baaxaddiisa lagu qiyaasay iuu le’egaa ilaa sadex garoon oo kuwa kubada cagta ah oo la isku wada daray. Waxaa la weeraray isaga oo marayaa meel 450 mayl-badeed u jira oo kaga beegan dhinaca koonfur-bari ee xeebta Kenya. Waxanu waqtigaasi ahaa markabkii ugu weynaa ee weligii budhcad-badeed u gacan-gala ee ay qabsato.
Markabkaasi Sirius Star, oo ka soo kicitimay dalka Saudi Arabia una socdey Maraykan, waxa uu sidey saliid qiimaheedu dhan yahay $100,000,000 (boqol milyan oo doollar oo Maraykan ah), taasi oo ka badan rubuc, amma afar meelood marka loo qaybiyo meel ahaan, guud ahaan saliidda Saudi Arabia ay soo saarto maalintii. Wararkii ku saabsanaa afduubka markabkaasi waxay saameeyeen suuqyadii dhaqaalaha ee adduunka, waxayna sababeen in qiimihii saliidda qaydhiin ee suuqyada adduunku ay kor u kacaan.
Weerarradaasi qaawan ee noocan ah, waxa suurtogelinaya budhcad-badeedda oo mararka qaar awodi kara inay fuulaan maraakiibta, iyada oo aan laga warhelin oo aanay ogaan shaqaalaha maraakiibtaasi. Waxay eegtaan meesha ugu gaaban dheegga markabka , mara uu biyaha ku dhex jiro ee ay ka fanan karaan, iyaga oo watta marka ay u soo dhawaadaan maraakiibta, doonyo yarar oo aad u dheereeya, inta badanna ku soo dhex duunta xilliyada habeenkii ee madowga ama gudcurka ah. Waxayna sudhaan dheegga markabka, xadhko leh qadhabatooyin iyo sallaan amma jaranjarooyin, waxayna si degdeg a u fantaan oo ay u fuulaan markabka. Iyada oo aanay sideedaba hubaysnayn
shaqaalaha maraakiibku, budhcad-badeeddu waxay yeelanayaan gacanta, sare marka ay fulaan ee ay tagaan markabka dhexdiisa, waayo iyagu waxay sitaan hubkoodii iyo qoryohoogii.
Waxa ii suurtogashay in aan helo lambarka telifoon aan kala xidhiidhi karo markabkaasi Sirius Star, laakiin waxa dhacday in mar kasta oo saaxiibadayda Soomaalidu, ama aniga laftaydu, in mar kasta oo aanu isku dayno in aannu garaacno oo uu noo galo lambarkii telifoonka ee markabku, in budhcad-badeeddu ay nagu jarayeen oo ay gooyaan, isla marka aannu u sheegno in aannu ka tirsannaay oo aannu ka soo wacanno BBC-da. Waxannu isku daynay in aannu kula hadalno af- Ingiriisi, af-Soomaali, iyo af-Carabi intaba, laakiin kumaannu guulaysan in la nala hadlo.
Waxay noqotay arrin madaxa iga qabsatay oo ay igaga dhegtay in aan mar uun la hadlo budhcad-badeedda, lambarkoodiina waxan gashaday telifoonkayga moobiilka, maalin kastana waxan garaaci jirey oo aan wici jirey dhawr jeer. Gabadh aan dhalay ayaa aragtay sida aan ugu xiiqay ee aan ugu dedaalayo in aan garaaco oo aan la xidhiidho. Galab roon da’ayo oo Axad ah magaalada London, ayaa waxan ka doonay gabadhii xaflad dhalasho oo ay tagtay, oo aan ka soo qaaday, waxase dhexda naga helay saxmad weyn oo aan socon kari weyney waddadii. Gabadhii waxay bilawday inay kolba iga cadhaysiiso, iyada oo i weydiinaysa inay ii garaacdo oo ay wacdo budhcad-badeeddii.
Markii aan khaati iska taagey, ayaan aakhirkii is- dhiibay, telifoonkiina xaggeyda u tuuray, iyadoo fadhida xagga danbe ee baabuurka. Waxanan ku idhi:’Wuxu ku jiraa lambarkoodu oo aad ka heli kartaa liiska magacyada xarafka “P” oo u taagan Budhcad- badeed’. Lambarkii ayay garaacday, waxayna bilawday sheeko-baraley. Sheeko xiiso leh oo mucjiso ah ayaa la sii wadey, halkaasi oo aakhirkii ay ku guulaysatay inay ku qanciso budhcad-badeeddii inay ila hadlaan, waxayna u sheegtay in aan anigu soo wici doono maalinta soo socota ee berri ah.
Subaxii danbe, aniga iyo qof Soomaali ah oo aannu wada shaqaynno ayaa garaacay lambarkii. Budhcad- badeeddu way filayeen telifoonkayagan, waxayna naga codsadeen in aannu ku soo celinno, si ay noogu dhiibaan oo aanu ula hadalno horjoogaha kooxda oo ay noo sheegeen in uu hurdo, sababta oo ah inuu soo jeeday habeennimadii oo dhan oo uu gaadh ka hayey amma ilaalinayey dadkii la-haystayaasha ahaa. Waxan garaacnay waqtigii la nala ballamay ee la noo qabtay, waxana na salaamay horjoogihii kooxdaas budhcad- badeedda, kaasi oo magaciisa noogu sheegay ‘Dubbad’. Waxa uu u hadlayey sidii nin deggan, qabana isku kalsooni, aadna ugu faraxsan in uu nala hadlo. Waxa uu u muuqdey in uu ku wareeray buugga diiwaagelinta markabka iyo agab kale ee uu ka dhex helay markabka. Sida ka muuqatay hadalladiisiina, waxa caddaan ah in isaga iyo kooxdiisa budhcad-badeeddu ay la yaabeen inta uu le’eg yahay markabkan u soo gacan galay, weynida baaxaddiisa iyo dhererka xad-dhaaf.
Dubbad waa uu sheegay in aanu isagu si toos ah ugu dhex jirin wax wadahadallo amma gorgortan ah oo ku saabsan siideynta markabkani Sirius Star, iyo sidoo kale in aanu la socon oo wax fikrad ah ka haysan tirada lacagta madax-furashada ah ee lagu xidhay. Waxaa uu noo sheegay in sababta qudha ee ay u qabsadeen markabkani saliidda inay tahay lacag, iyo in uu raalli ku noqonaya waxa uu ku tilmaamay ‘qiimaha caadiga ah’ ee madax-furashada laga bixiyo siideynta markab kasta, qiimahaasi oo waqtigaas ahaa ilaa laba milyan oo doollar. Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in shaqaalaha markabka saaran oo dhan shan iyo labaaan qof oo isugu jira Polish, Croatian, Sucuudi, Filipino iyo Ingiriis, inay yihiin badeecad agtooda qaali ka ah, oo qiime sare ugu fadhida, oo faa’iidada ugu jirta ee ay ka helaaan shaqalahaasi oo nool, ay aad uga badan tahay tan ay ka heli lahaayeen iyaga oo dhintay amma meyd ah. Wanu yidhi: ‘Shaqaaluhu ma aha maxaabiis meel ku xidhan. Way socsocon karaan oo kolba goob ayay tegi karaan, meel kasta iyo mar kasta oo ay doonaan. Xattaa waxay ku seexan karaa sariirahoodii caadiga ahaa, waxanan u ogolaannay inay haystaan furayaashoodii. Waxa qudha ee ka maqani waa xorriyaddoodii, inay ka daadegi karaan amma ka tegi karaa markabka dhexdiisa.’
Dubbad waxa uu faahfaahin ka bixiyey in, in kasta oo uu ogsoon yahay saamaynta xun ee caalamiga ah ee ay yeelatay falalka budhcad-badeedda ka soo baxday xeebaha Soomaaliya, in haddana aanay jirin wax kale oo ay ku bedelan karayeen amma samayn karayeen. Waxanu yidhi:
Si buuxda ayaan u ognahay cawaaqibka ka dhalanaya, laakiin waxa loo baahan yahay in adduunku fahmo dhibaatada na haysata ee na hortaal, halkan Soomaaliya. Siddeed iyo toban sano, halkan kama jirin wax nabad ah. Ma jirto wax nolol ah oo lagu haysto halkan. Khayraadkii ugu danbeeyey ee Soomaalidu haysteen waxa uu ahaa badda, laakiin maraakiib shisheeye ah ayaa boobtay oo guratay dhammaan kalluunkayagii. Waana taasi ta na badday ee nagu kalliftey in aannu ku kacno budhcad-badeednnimo, si aannu u noolaanno.
Ka dibna waxa telifoonkii loo dhiibey kabtankii markabka, Marek Nishky, oo ah nin Polish ah. Waxanu yidhi: ‘Waannu iska fiicanahay, guud ahaan. Dhammaan shaqaalihii iyo saraakiishuba, xaaladdoodu waa fiican tahay. Ma jirto wax amma sabab aannu u cabannaa. Waxa la noo ogolaaday oo la na siiyey fursad aanu kula xidhiidhno oo aannu kula hadalno qoysaskayagii. Sida
aad adiguba garan kartana, taasi waa waxa noogu muhiimsan ee noogu weyn immika.’
Lacag madax-furasho ah oo dhan $25 milyan oo doollar oo Maraykan ah ayay markii hore dalbadeen in loo bixiyo baadifad, si loo sii daayo markabaas Sirius Star, laakiin laba bilood ka bacdi markii afduubkaasi uu dhacay, waxa markabkii lagu sii daayey, sida la sheegay, $3 milyan oo doollar oo Maraykank ah. Lacagtaasi madax-furashada ah waxa la sii saaray diyaarad nooca fudud ah, waxa loo duuliyey xaggii uu joogey markabkii. Lacagtii naqadka ahayd oo ku jirta jawaan lagu xidhay baarashuudka hawada, nooc yar oo midabkiisu cassaan yahay, ayaa diyaaraddii ay ka soo tuurtay xagga sare ee cirka, kuna soo riddey markabka dushiisii.
Hasse ahaatee arrintii ma noqon mid ay calfadaan oo aahkirkii ay u aayaan budhcad-badeeddii. Sida laga soo xigtay qaraabadoodii, duufaanno ayaa dhexda ka helay intii ay ku soo socdeen Soomaaliya, iyaga oo wattey doonni yar. Doonnidii ayaana la rogmatey, waxana la sheegay in shan ka mid ah budhcad-badeeddii ay hanfadeen oo baddu liqday, saddexdii kalena ay soo gaadheen xeebta, iyaga oo aan waxba ka haysan saamigii iyo qaybihii ay ka heleen lacagtii baadifadda ahayd, lacagtaasi oo la sheegay in baddii kacsanayd ay qaadday. Nin adeer u ah qof ka mid ah budhcad-badeeddi baddu liqday ayaa sheegay in meydkiisii aakhirkii laga helay xeebta oo uu ku soo caaryey, jeebkiisiina laga soo saaray bac ay ku jirto lacag dhan $153,000 oo doollar oo Maraykan ah, taasi oo ahayd waxa qudha ee ka hadhay amma laga arkay saddexdii milyan ee doollar ee madax-furashada ahaa.’5
Khuraafaadka iyo Khaladaadka (Myths and misconceptions)
Waxa jira sheekooyin badan oo aan waxba ka jirin iyo khuraafaadkh la faafiyey oo la xidhiidha budhcad- badeedda Soomaalida. Sheekooyinkaas qaar ka mid ah waxa abuuray oo faafsaday budhcad-badeedda laftooda, qaarna warbaahinta, oo inta badan meelo soke oo fudud wax ka eegta, una dhigtay arrimaha taagan, qaab xasaasi ah oo buunbuunis ah, iyo weliba qaybo kale oo ay faafiyeen khubarada xagga nabadgelyada ee ajanebiga ah iyo dhinacyada kale ee ka faa’iidaysta dhibaatadan, kuna tiirsan sii-jiritaankeeda.
Sheekooyinka khayaalka ah ee la sameeyey ee hadda socda waxa ka mid ah in dhammaan budhcad-badeeddu ay ahaayeen dad kalluumaysato ah oo lagu kallifay inay bedelaan mihnaddoodii amma shaqadoodii, sababtuna ay tahay maraakiibta kalluumaysiga ee ajanebiga ah oo kalluunkii ka dhammeeyey biyaha Soomaalida. In kasta oo shaki la’aan kalluunkii Soomaaliya ay muddo dheer bililiqaysanayeen oo ay yareeyeen amma madhiyeen kalluumaysato debadda kaga timid, haddana ‘biliiliqadaasi ay ku kacayaan maraakiibta shisheeyuhu’, waxay noqotay jawaabta caadada ay ka dhigteen budhcad-badeedda Soomaalidu marka ay ka hadlayaan sababaha ugu wacan falalka ay ku kacaan, iyaga oo guud ahaan isku deyaya inay qiil u raadiyaan waxyaabaha ay samaynayaan.
Sida Geeddow Cali oo kale, kaasi oo lagu xusay bilawgii cutubkan, budhcad-badeed badan ayaa isku tilmaama inay yihiin ‘Ilaalada Xeebaha’, oo ay daafacayaan xeebahooda, kana daafacayaan doonyaha kalluumaysiga iyo maraakiibta shisheeyaha ee wasakhda suntan ah ku aasaya badda, iyo in wixii ku soo xad- gudba ay ka qaadaan ‘lacag’ ganaax ah. Marka loo eego afkan ay ku hadlayaan, waxay u muuqdaan inay isku deyayaan inay ka dhigaan falalka ay ku kacayaan qaar aan denbi ahayn ee bannaan. Mid ka mid ah budhcad- badeedda oo magaciisa ku sheegay ‘Xassan’, waxa uu ka hawlgeli jirey dekedda Xaradheere, intii aanay xoogagga Islaamiyiinta ahi ka qabsan magaalada sannadkii 2010-kii, waxanu yidhi:
Waxan ahaan jirey nin kalluumaysato ah, laakiin waxa biyahayagii soo galay maraakiib kalluumaysi oo naga qaatay dhammaan kalluunkayagii. Dhawr sano ka hor, waxa halkan iman jirey in ka badan toddoba boqol oo markab oo ajanebi ah, kuwaasi oo kalluunka kala bixi jirey biyaha Soomaalida. Hadda, wax kalluun ah oo ku hadhay halkani ma jiro oo laga helayaa – waxba noogamay tegin.
Markii ay waxaasi nagu sameeyeen, annaguna waxannu go’aansannay in aannu iyaga caydhsanno oo aannu ugaadhsanno, taasi midhaheedii ayaannu imika guranaynnaa oo aan u aynay. Shaqa fiican ayaannu runtii ka qabannay ajanebigan khaatarta iyo cidhiidhiga ku hayey noloshayadii, waayo imika waxannu helnay faa’iidadii go’aankii aannu ku gaadhnay in aannu iyaga ku jeesanno oo wax ka qabanno.
Waxannu go’aansannay in ajanebiga aannu ka waabinno oo ka celinno kalluunkayagii, haatanna iyaga ayaannu kalluumaysanaynaa. Hadda, dadka qudha ee ka faa’iideysta ‘kalluumaysiga’ waa annaga oo ah ‘Ilaalada Xeebaha’, waayo waxannu ‘kalluumaysannaa’ oo soo dabanna dad aannu madax- fuarsho u qabsanno oo la-haystayaal noo noqda.
Budhcad-badeed badan oo Soomaali ah ayaa xumaan u qaata oo ka xanaaqa in loogu yeedho magaca ‘budhcad- badeed’. Qaarkood waxay rumaysan yihiin in magacaasi ku bannaan yahay maraakiibta shisheeyaha ee soo gasha biyaha Soomaalida. Waxan la hadlay oo kale bishii July ee 2011, nin budhcad-badeed ah, amma sida uu isku tilmaamay ka tirsan ciidamada ‘Ilaalada Xeebaha’, oo magaciisa la yidhaa Daahir, oo joogey magaalada Hobyo ee ku taal xeebta, ninkaas oo igu yidhi:
Horta, adduunka su’aal ayaan weydiinayaa. Yaa budhcad-badeed ah? Ma maraakiibta kalluumaysiga iyo kuwa dagaalka ee badahayaga soo galay ee wax kasta naga gurtay, kalluunkayagii, khayraadkayagii, xorriyaddayadii iyo wax kasta? Misse annaga, dadkan ilaashanaya xeebahoodii? Su’aasha aan weydiinayo caalamku waa taas. Waana taasi su’aasha u baahan in laga jawaabaa.
Maamullada ka jira Soomaaliya laftoodu, waxay mararka qaar ka qayb qaateen sheekooyinka khuraafaadka ah ee laga faafiyey waxyaabaha ka dhacaya xeebaha Soomaaliya oo loo ekeysiiyey wax aan u dhigmin amma u qalmin budhcad-badeednnimo. Bishii January ee 2011, baarlamaanka Soomaalidu waxa uu diidey in uu ansixiyo sharci mamnuucayey budcad-badeednnimada. Qaar ka mid ah xubnaha mudanayaasha baarlamaanka ayaa ku sifeeyey budhcad-badeeddu inay yihiin ‘geesiyaal’ ka celinaya biyaha Soomaalida maraakiibta shisheeye; waxayna sheegeen inayna ahayn budhcad-badeed, laakiin ay yihiin ciidammo aan rasmi ahayn oo ilaalada xeebaha ah.
Warbaahinta qaar ayaa iyaguna ku tilmaamay in budhcad-badeeddu ay la mid yihiin oo ay u dhigmaan maanta sheekooyinkii ‘Robin Hoods’ oo kale (waa sheekooyin khayaal ahaa oo la abuuray, kuna saabsanaa nin Ingiriis ah oo dayro ah, oo qarnigii 12-aad dhici jirey dadka taajiriinta amma maalqabeennada ah, si uu u caawiyo dadka saboolka); waxana lagala mid dhigay falalka budhcad-badeedda in wixii ay ka dhacaan
maalqabeenka, inay ku taageerayaan fuqarada, iyada oo run ahaantii sida ka sii sugani ee ka sii habbooni ay noqon karto in loogu yeedho denbiilayaal. Qof budhcad-badeed ah oo la yidhaa Aadan, ayaa isagu ka daacadsanaa kuwa kale ee saaxiibadiis ah, mar uu ka hadlayey ujeeddooyinkiisa: ‘Budhcad-badeeddu dhammaan
waa dad xun oo kharriban. Waa kooxo heshiis ku ah oo qudha inay dhacaan maraakiibta badaha.’6
Baadhitaan uu sameeyey 2009-kii aqoonyahan u dhashay dalka Norway, oo mgaciisa la yidhaa Stig Jarle, oo uu ku sameeyey budhcad-badeedda Soomaalida, waxa uu ku doodayaa in haddii ujeedada keliya ee hawlgallada budhcad-badeeddu amma ‘Ilaalada Xeebuhu’ ay tahay inay ka ilaaliyaan biyaha Soomaalida maraakiibta kalluumaysiga ee sharcidarrada ah oo keliya, in markaasi ay weerari lahaayeen oo kelia doonyaha kalluumaysiga oo qudha, ee aanay beegsadeyn maraakiibta ganacsiga ee sidda shixnadaha iyo badeecadaha, saxiimadaha amma doonayaha yaryar ee tamashalaha iyo dalxiiska, iyo maraakiibta sidda saliidda. Waxanu ku yidhi qoraalkiisa:
Iyada oo ay dhici karto in budhcad-badeeddu ay run ahaantii cabsi geliyaan maraakiibta kalluumaysiga, oo ay iska hortaagaan kalluumaysiga aan sharciga ahayn, haddana bartilmaameedyada ay beegsadaan budhcad-badeeddu waxay si cad u muujinayaan in waxa ay u xishaan ee muhiimka u ahi uu yahay faa’iidada lacageed ee ka soo gelaysa falalkaasi, kaasi oo uga muhiimsan wax kasta amma ujeeddo kale oo kasta oo la xidhiidha ka-hortagga kalluumaysiga sharcidarrada ah. Guud ahaan Maraakiibta ay qabsadeen budhcad- badeeddu ma ahayn maraakiib kalluumaysi oo si sharcidarro ah u kalluumaysanayey, laakiin waxay ahaayeen maraakiib caadi ah oo xamuul ah, oo marayey biyaha Soomaaliya, kuwa Yemen, amma biyaha caalamiga ah.7
Marka siyaabaha qaar loo eego, hawlgallada budhcad- badeeddu waxay ka xannibeen oo ay horjoogsadeen shaqadii kalluumasatadii gudaha ee Soomaalidu, halkii ay ka celin lahaayeen maraakiibta iyo doonyaha kalluumaysiga ee ajanebiga, una suurtogelin lahaayeen in Soomaalidu ay si nabad ah u kalluumaysato.

Mararka qaarna, waxayba ka cabsiiyaan oo ay didiyaan kalluumaysatada Soomaalida, mararna ciidamada caalamiga ah ee ilaalada badaha iyo maraakiibta kale ayaa ku khaldama kalluumaystada Soomaalida oo mooda inay yihiin budhcad-badeed, iyaga oo ku fura dhuumo aad u xoog weyn iyo taxshiirado, amma kala wareega oo ka qaada qalabkooda, amma xidhxidha, amma ka dhex gala oo joojiya shaqadoodii iyo meheradoodii. Waxa kale oo jirta in lacagta faraha badan ee madax- furashada ah ee ay helaan budhcad-badeeddu, inay la weynaato oo ay soo jiidato kalluumaysatada kale, oo ay damac iyo hunguri geliso, iskagana tagaan shaqooyinkoodii hore ee kalluumaysiga, si ay ugu biiraan budhcad-badeedda oo iyaga lagtoodu ka mid noqdaan. Wararka laga helo tuulooyinka ay joogaan budhcad-badeeddu ayaa sheegay doonyo kalluumaysi oo lagaga tegey xeebaha oo halkaas ku burburay, kuwaasi oo ay iskaga tegeen dadkii hore u lahaan jirey oo imika helay doonyo dheereeya oo casri ah oo ay u kaxaysataan badda, kuna ugaadhsadaan dad ay soo qafaashaan oo ay soo afduubtaan, halkii ay ka raadsan lahaayeen kalluun. Xabsiga magaalada Hargeysa, waxan kula kulmay nin budhcad-badeed ahaan jirey oo la soo qabtay, oo la yidhaa Ismaaciil Elix. Waxa uu iiga sheekeeyey sida uu maalin qudha isku bedeley ee uu u go’aansaday in uu joojiyo shaqadiisii ahayd kalluumaysato, waxanu tegey suuqa Boosaaso oo uu ka soo iibsadey qori AK-47 ah, qori baasuuke ah, iyo doonni nooca dheereeya ah. Hawgalkii ugu horreeyey ee budhcad-badeednnimo ee uu galo ayaa lagu soo qabtay, waxana lagu xukamay shan-iyo-toban sano oo xadhig ah. Kama muuqan wax murugo ah oo ii muujinaya in uu ka xun yahay waxyaabaha uu sameeyey, in kasta oo uu lumiyey dhammaan xidhiidhka qoyskiisa iyo qaraabadiisa, sannado badan oo ka mid ah cimrigiisiina uu ku jiri doono xabsi ku yaal meel guud ahaan ahaan loo arko dhul shisheeye.
Budhcad-badeednnimadu waxay noqotay wax laga helo lacag badan oo malaayiin doollar ah,oo laga bixiyo sii-deynta maraakiibta iyo shaqaalaha, taasi oo in muddo ahba soo jiidanaysay dad badan oo aan ahayn iyagu kalluumysato, siina noqonaysay hawl iyo farsamo aad u heer sarraysa oo denbiilannimo oo lagu shaqaysto. Hasse ahaatee, kalluumaysatada lafteedii ayaa noqotay qayb weyn oo muhim ah oo ka qayb gasha hawlgal kasta oo ay fulinayaan kooxaha budhcad- badeedku, sababta oo ah aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin badda, kaxaynta iyo ku shaqaynta doonyaha iyo qalabka kale ee badda. Budhcad- badeednnimadu waxay noqotay shaqo weyn oo la doorbido, iyada oo laga heli kara lacagayow badan oo xad-dhaaf ah. Dadka ku ladnaaday ee ka helay wax bandan, waxa ka mid ah ninkan budhcad-badeedka ah ee magaciisa la yidhaa Xassan oo yidhi: ‘Xaaladdayda
dhaqaale waa mid aad iyo aad u fiican. Xattaa sannadkan oo dhan uma baahni in aan ku noqdo baddii, waayo waxan qabsaday kal-hore, hal markab. Lacagtii aan ka helayna waxan gashaday meel kale oo runtii aad u fiican. Arrimahayguna aad ayay u fiican yihiin. Noloshayduna aad iyo aad ayay uga roon tahay oo ay uga fiican tahay imika markii aan ahaan jirey kalluumaysatada.’
In kasta oo la bixiyo sannad kasta tobannaan milyan oo dollar oo madax-furasho ah, haddana waxa aad u adag oo aan suurtogal ahayn in la helo tiro sugan amma xisaabta saxda ah ee lacgta soo gasha guud ahaan kuwa ku lug leh budhcad-badeednimada Soomaalida, iyo sida lacagtaasi loo qaybsado. Waxa aad loo adkeeyey in la dabageli karo oo la raadraaci karo lacagayowga madax-furashada ah, iyadoo ay jirto xaqiiqada ah in budhcad-badeeddu ay isticmaalaan habab wax badan soo- jireen ahaa oo la mariyo lacagahaasi, loona yaqaan xawaaladaha, kuwaasi oo ku dhisan is-aaminaad iyo
wada-xidhiidh afka ah, iyada oo aanay jirin wax qoraal ah oo waraaqo ah oo la kala qaato, amma kombuyuutar la geliyo oo la tixraaci karaa.
Madaxa Xafiiska Dalalka Afrikada Bari u qaabilsan Barnaamijka Gacansiinta Badmareennada, oo ah ninka la yidhaa Andrew Mwangura, waxa uu la socda hadba hawlgallada budcad-badeedda ee xeebaha Soomaalida, waxanu la xidhiidhaa oo waanwaan la gala budhcad- badeedda. Waxa uu ii soo diraa farriimo amma dhambaallo qoraal ah oo uu si sugan iigu sheegayo meesha iyo waqtiga la afduubay markab, xattaa saacado badan ka hor inta aanay wararkaasi helin wakaaladaha wararku, ee aanay baahin. Waxanu sheegay ninkaasi in budhcad-badeedda iyagu fuliya weerarka ee qabsadaa maraakiibtaasi, in ayna run ahaantii iyagu ka wada war hayn oo aanay wada helin dhammaan lacagyowga madax-furashada ah ee la bixiyo. Waxanu yidhi: ‘Iyagu
waxay yihiin oo qudha askartii amma ciidankii lugta. Waa dhallinyaro, inta bandanna aan ahayn rag muddakar ah, hubaal ahaanna ma wada helaan oo gacmahooda kuma wada danbayso dhammaan kacagtaasi.’8
Suuq dhaqaale oo yar ayaa ka abuurmay hawhlahaasi budhcad-badeednimada, oo wax ka soo galaan dadweynaha ku nool tuulooyinka xeebaha waqooyi-bari iyo badhtamaha Soomaaliya, iyo weliba kuwa ka sii shisheeya.
Waxay u muuqataa inayna jirin wax xeerar ah amma nidaam ah oo laga siman yahay oo ku saabsan sida lacagtaasi loo qaybiyo ee ay ku kala danbayso, iyo wararka amma macluumaadka la xidhiidha arrimahani oo aad loo ilaaliyo, loona qariyo, sababta oo ah dadka ku lug leh falalkan denbiilannimada ah oo aan doonayn inay bixiyaan xog sugan iyo macluumaad buuxa oo faahfaahsan. Sida loo kala qaybiyo lacagayowga loo qaato madaxfurashada, waxa lagu xusay warbixin ay soo saartay Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysaa, warbixintaasi oo ku dhisnayd warar laga soo ururiyey oo laga soo xigtey budhcad-badeed joogta magaalada Eyl ee ku taal dhinaca waqooyi-bari ee gobolka Puntland, magaaladaasi oo wax badan saldhig weyn u ahayd budhcad-badeedda. Waxayna u dhignayd sidatan:
Miliishiyada badda (Budhcad-badeedda tooska wax u afduubka ee hawshaasi fuliya) – boqolkiiba 30
Miliishiyada berriga/dhulka (kooxaha hubaysan ee jooga amma kontoroola degaannada berriga ee budhcad-badeedd u ah saldhig ay ka soo lollaystaan amma duulaan) – boqolkiiba 10
Dadweynaha degaanka (odayaasha iyo saraakiisha maamulka ee degaanka) – boqolkiina 10
Maalgeliyayaasha laga sii qaato lacagaha deymanka ee iyo biilasha – boqolkiiba 20
Hoggaamiyayaasha iyo dillaaliinta waaweyn ee ka danbeeya budhcad-badeedda – boqolkiiba 30
Sida uu soo xigtey ee uu qoray isna Jeffrey Gettleman oo qoraalkiisaas lagu soo saaray jariidadda New York times bishii Oktoobar ee 2008, nin la yidhaa Faarax Ismaacii Iid, oo lagu xukumay shan-iyo-toban sano oo xabsi ah, oo uu ku galabsaday falal budhcad- badeednnimo, waxa uu isagu sheegay oo uu bixinayaa sawir waxoogaa ka duwan taasi, sida loo kala qaybiyo lacagtaasi:
Miliishiyada badda (Budhcad-badeedda tooska wax u afduubka ee hawshaasi fuliya) – boqolkiiba 30
Horjoogaha hoggaamiya kooxda budhcad-badeedda – boqolkiiba 20
Maalgeliyayaasha hawlgallada soo socda, oo ay ku jiraan hubka, shidaalka, iyo sigaarka – boqolkiiba 20
Saraakiisha dawladda – boqolkiiba 30, 9
Qofka ugu horreeya budhcad-badeedda ee ugu hor-fuula markabka la afduubayo, waxa la sheegay inuu helo oo la siiyo amma libin-laab qaybtii saami ahaan uu u heli lahaa lacagtaas, amma baabuur; kuwa kalena waxay qaataan saamiyo isleeg. Haddii la dilo amma la dhaawaco qof ka mid ah budhcad-badeeddaasi, qoyskiisii waxa la siiyaa magdhaw dhaqaale amma lacageed.
Waxa jirey eedaymmo la xidhiidha in qaar ka tirsan saraakiisha dawladdu inay wax ka helaan lacagayowgaasi budhcad-badeednimada, gaar ahaanna Puntland, halkaasi oo la sheego in dakhliga soo gala budhcad-badeedda ee sannad kasta ka soo gala lacagaha madax-furashad ahi, in uu ka badan yahay miisaaniyadda gobolka oo dhan oo ilaa $20 milyan oo doollar oo Maraykan ah. Agaasiimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo dekedaha, Cabdi-Waxiid Jowhar, ayaa qiray sannadkii 2008 oo sheegay ‘inay jiraan dad dawladda ka tirsan oo la shaqeeya budhcad- badeedda.’10 Waxa la eryey oo shaqadii laga fadhiisiyey ku-xigeenkii taliyaha ciidanka booliska ee Puntland, sababo la xidhiidha eedaymo loo soo jeediyey oo ahaa in uu ku xidhan yahay budhcad- badeedda. Warbixin ay soo saartay guddida Qaramada Midoobey u qaabilsan la-socodka arrimaha Soomaaliya, sannadkii 2010, waxa lagu sheegay in:
Ka bacdi laba iyo toban sano oo horumar ilaa heer cuntamaa uu ka jirey Puntland, marka loo eego
gobollada kale, in haddana maamulka cusub ee dhawaanta la sameeyey ee Abdirahman Mohamed ‘Faroole’, in uu ku wado oo uu ku sii riixayo Puntland sidii iyo habkii ay ku noqon lahayd dal iyo maamul denbiile ah. Baadhitaannada ay sameeyeen guddidaasi la-socodka arrimaha Soomaaliya, oo salka ku haya waraysiyo lala yeeshay dad xogogaal ah oo u dhuun-daloola arrimaha budhcad- badeedda, wada-hadallada iyo gorgortanka lacagaha madax-furashada ee la bixiyo iyo sida loo kala qaybiyo amma loo kala bixiyo, waxay xaqiijiyeen in mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Puntland, oo uu ku jiro Madaxweyne Faroole iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada oo uu ka mid yahay gaar ahaan wasiirka arrimaha gudaha, General Abdullahi Ahmed Jama ‘Ilkajiir’ iyo wasiirka xagga amniga gudaha General Abdillahi Ahmed Saiid Samatar, inay wax ka helaan lacagyowga budhcad-badeedda amma madax-furashada afduubyada.11
Lacagta madax-furashada waxa kale oo waxoogaa ka mid ahi uu gaadhaa dadku ku nool tuulooyinka ay joogaan budhcad-badeeddu. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP bishii November ee 2008, haweeney magaceeda la yidhaa Shamso Moalim oo deggan magaalada Xaradheere oo hore u ahaan jirtey saldhig budhcad-badeed, waxay ka hadashay sida budhcad-badeddu ay wax uga bedeleen duruufihii nololeed ee qoyskeeda, waxayna tidhi: ‘Ka
sakow halka iyo meesha lacagtaasi ka timaaddo, amma ha ahaato xaaraan sharcidarro ah amma yayna ahaane, waxan odhan karaa nolol ayay soo gelisey oo ka bilawday magaaladayada. Caruurtayadu haatan kama warwaraan waxay cunaan, Subaxdii waxay tagaan dugsi- quraanka islaamiga ah, galabtiina waxay dheelaan ciyaarta kubadda cagta. Waa mabsuud oo waa faraxsan yihiin.’12
Dadka deggan tuulooyinka ay joogaan budhcad- badeeddu, waxay ka hadleen sida markasta oo lala yimaaddo xeebahooda markabka la soo afduubay, sida suuqu ugu cammirmo ee budhcad-badeeddu ay u yimaaddaan ee ay ugu soo degaan, si ay u iibsadaan shidaal, biyo, cabbitaan fudud, riyo, ido amma wanan, bariis, baasto, iyo sigaar. Haweeney tukaan ku haysta Xaradheere, oo la yidhaa Sahra Sheikh Dahir, ayaa iyana tidhi:’Budhcad-badeeddu annaga ayay nagu tiirsan yihiin, annaguna waxannu ku qabnaa faa’iido’.13 Meel kale oo iyana dakhli ka soo galo dadweynaha degaannada ay ka taliyaan budhcad-badeddu, waxa weeye diyaargaraynta iyo iibka cunno gaar ah oo loo sameeyo dadka la-haystayaasha ah ee madax- furashada loo haysto, kuwaasi oo inta badan aan jeclaysan amma aan ka helin cunno-Soomaalida.
Heerka-nolosha (Lifestyle)
Wax badan ayaa laga sheegay sida budhcad- badeednnimadu ay bashbash iyo barwaaqo ugu keentay nolosha dadweynahaha iyo tuulooyinka ku yaal xeebaha ay joogaan. Hasse ahaatee, iyadoo ay ku kallifto in budhcad-badeeddu mar kasta ay bedelaan saldhigyadoodii oo ay ka guurguuraan, tuulooyinkaasi waxay noqdaan marka danbe kuwa ay ka dhacdo busaarad iyo baaba’, lacagtii inteeda badan la gashadu magaalo-madaxyada gobollada iyo magaalooyinka kale ee waaweyn. Dakhliga ka soo baxa budhcad-badeednnimada Soomaalida, waxa kale oo la sheegay in uu qayb ka qaatay horumarka weyn ee la-yaabka leh ee uu sameeyey ganacsiga iyo hantida kale ee xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi, xaafaddaasi oo inta badan ay Soomaalidu degaan, iyo weliba lacagta naqadka ah ee Soomaalidu ku iibsato guryo qaali ah oo ku yaal xaafadaha ugu fiican caasimadda ee heerka sare ah ee lagu raaxaysto. Qawmiyadda Soomaalida ee Kenya ayaa si weyn u beenisa wararkani.
Kor-u-kaca hantida magaalo-madaxda Puntland ee Garoowe, iyo magaalada kale ee ugu weyn ee dekadda ah ee Boosaaso oo cammirmay, waxa loo aanayn karaa oo si cad loogu xidhiidhin karaa hantidaasi inay tahay mid ka timid budhcad-badeedda. Guryo waaweyn oo cusub oo fillooyin ah, oo Soomaalidu ugu yeedho ‘qasriyo’, ayaa la dhistay oo lagu soo wareejiyey deyrar waaweyn oo dhaadheer. Budhcad-badeedda qaar ayaa jecel inay si muuqata amma is-tus-ah oo xad-dhaaf oo aan xisaabtan lahayn, inay wax u kharash-gareeyaan, una noolaadaan, iyaga oo iibsadaa baabuurta xarrakada iyo Land Cruiser-ro qaali ah. Ragga Soomaalidu waxay ku cawdaan in budhcad-badeeddu ay qaali-gareeyeen oo ay sicir-barar ku rideen guurkii, iyaga oo gabdhaha cusub ee ay guursanayaan ka bixiyaa yarad iyo gabbaati aad u fara badan, isla markaasin sameeya xaflado aroos oo socda dhawr maalmood, oo la martiqaado fannaaniinta iyo kooxaha muusikada ee ugu fiican, casuumado raashin ah iyo waxyaabo kale.
Dad badan ayaa ii sheegay in budhcad-badeeddu ay si xun u cabbaan khamriga, si weynna u cunaan qaadka iyo mukhaadaraadka kale ee adag oo ay qaataan, ulana yimaaddaan fusuq iyo balwado dhaqan-xumo ah oo kharribaya mujtamaca ay ku dhex noolyihiin. Waxase dhici karta in eedaymahani ay ka mid yiihin cuqdadaha iyo ‘sheekooyinka khurafaadka’ ah ee laga faafiyo budhcad-badeedda, iyo hab ay Soamaalida aan iyagu ku lug lahayn hawlaha budhcad-badeeddu ay iskaga fogeeyaan oo isku barraxaan.
Ka sakow baabuurta casriga ah, guryaha cusub, iyo xafladaha aroosyada ee ka-badbadiska ah, lacagtaasi waxa badh dib loogu maalgeliyaa hawlgallada budhcad- badeednnimada lafteeda. Budhcad-badeeddu waxay ka qalin-jebiyeen oo ay ka dallaceen inay sii ahaadaan kalluuaysato caadi ah oo masaakiin ah, oo watta doonyo xunxun oo kharaab ah iyo qoryo daxalaystay, waxayna u dallaceen inay helaan qalab farsamo sare iyo hub casri ah, iyo doonyo qaali ah oo ay kaxaystaan. Mid ka mid ah sababaha u suurtogeliya in budhcad-badeeddu ay gaadhaan boqolaal kiloomitir oo badda gudaheeda ah, waxa weeye inay heli karaan qalabka lagu helo adeegyada Sattelite-ka ee wax lagula socdo, iyo doonyo dheereeya oo ka xoog badan kuwii hore. Ka sakow cunaqabataynta xagga hubka ee Qaramada Midoobey ay ku soo rogtay Soomaaliya, haddana budhcad-badeeddu wax dhibaato ah kalamay kulmin inay helaan oo gacmahooda uu soo galo hub aad u fara badan iyo rasaas. Dagaalladii sokeeye ee labaatanka sano iyaguna ka socdey dalkaasi, waxay keeneen in hub badan uu ku faafo dalka. Dalka Yemen oo isna waxoogaa xagga Khooriga Cadmeed ka xiga, ayaa laga helaa hub, shidaal, iyo qalab kale oo muhiim u ah budhcad- badeedda. Marba marka ka danbaysa ee budhcad- badeeddnimadu ay sii daba-dheeraataba, budhcad- badeeddu waxay sii helayaan khibrad iyo waayo- aragnnimo dheeraad ah, waxayna la imanayaan tabo iyo xeelado hor leh oo ay ku soo qabsadaan maraakiibta waaweyn, shaqaalaha iyo badeecadaha qaaliga ah ee maraakiibtaasi ay sidaan.
Qaab-dhismeedka (Structure)
Horumarka sii kordhaya ee budhcad-badeeddu ay ka samaynayaan xagga qalabka casriga ah ee ay adeegsadaan iyo qaababka heerka sare ah ee hawlgalladoodu u abaabulan yihiin, ayaa dhaliya tuhunka ah inay suurtogal tahay inay ku xidhan yihiin kooxo caalami ah oo dembiilayaal ah.
Bishii February ee 2011, haweeneyda madax ka ah hey’adda mukhaabaraadka ee ka-hortagga budhcad- badeedda ee dawladda Maraykanka, Donna Lee Hopkins,
shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaaladan London, waxay ku sheegtay in isbedel dib-u-habayneed oo buuxaa uu ku dhacay budhcad-badeeddii Soomaalida oo ay si buuxda ugu xuub siibteen abaabul heer sare ah, sannadahan danbe. Waxayna tidhi: ‘Budhcad-badeedda
Soomaalidu way ka koreen sidii hore ee ay haayeen kooxo kala geddisan oo teelteel ah, oo iyaga iyo dhibaatadooduba ku kooban tahay gudaha oo keliya, oo ku eg uun dadka xeebaha oo diiddan kalluumaysiga sharci-darrada ah … waxayna noqdeen shabakad si weyn iskugu xidhan oo awod leh, oo ka shishaysa xeebahaasi oo caalami ah, oo abaabulan, noqotayna shirkad qawlaysato oo ay ku bahoobeen denbiilayaal.’14
Waxayna intaasi ku dartay in deganaansho la’aanta ka jirta gobolkaasi iyo marinnada baayacmushtarka oo halis ku jira, in labadaasi dhibaato oo isbiirsaday ay abuureen xaalad ah ‘jawigii qasnaa ee ku bannaanaa’ budhcad-badeedda Soomaalida ee ay u baahnaayeen, waxayna digniin ku bixisay in khatar loogu jiro in dhibaatadani ay noqoto oo ay ku dambayso mid waxba laga qaban kari waayo.
Tilmaanta haweeneydani waxay si weyn oo fog uga duwan tahay tii uu soo bandhigay ee uu bixiyey Stig Jarle Hansen ee uu ku dooday in budhcad-badeedda Soomaalidu ay yihiin kooxo yaryar oo aan sidaa u sii ridneyn oo ku kooban gudaha oo keliya:
Khuraafaadka ka jira ee laga faafiyey budhcad- badeedda Khooriga Weyn ee Cadmeed ayaa ah wax fara badan, laakiin kooxa caadiga ah ee budhcad- badeeddu waa qaar ku dhisan jufo-jufo amma jilibbo, oo si liidata oo heer hoose ah u qalabaysan, kana kooban kalluumaysatadii hore. Sidaa awgeed, budhcad-badeeddu waa qaar baahsan oo aan lahayn abaabul iyo maamul dhexe oo aan is- haysan amma aan xidhiidhsanayn, kana fog sida ay qabaan ee ay soo jeediyaan dad badani, oo ah in budhcad-badeeddu ay yihiin kooxo si heer sare ah u dhisan amma u abaabulan oo u hawl gala. Dadka maalgeliya ee iyaga ka danbeeyaana waxay u dhisan yihiin qaab u eg qaababka ay u dhisan yihiin uun maalgeliyayaasha Soomaalida ee adduunku.15
Hansen waxa uu soo jeedinayaa oo ay la tahay in budhcad-badeeddu aanay lahayn qaab rasmi ah amma nidaamsan oo ay ku dhisan yihiin, iyo in ‘kooxda budhcad-badeedda’ ahi ay mararka qaar ka kooban tahay wax aan ka badnayn hal qoys:
Koox kasta oo ah budhcad-badeed, caadi ahaan waa koox aan sidaa u midaysnayn oo la socota qofka watta ee soo urursaday, badiyaana qofkaasi hoggaamiyaha ahi waxa uu hore u ahaan jirey oo uu soo maray budhcad-badeed, kaasi oo lacagtii hore ee uu soo helay haatan dib u maalgelinaya hawlgallo cusub oo budhcad-badeednnimo. Shaqadiisuna inta badan waa ninkii dhaqaalaha hayey ee kharaska keenyayey … Baaxadda iyo tirada kooxaha budhcad-badeedkuna waa kala geddisan yihiin oo waxay noqon karaan qaar ka kooban min hal-hal qoys oo keliya, oo kala ah odaygii amma aabbihii, wiilkii, iyo doonni yar, kuwaasi oo raadinaya masruufkii iyo wax ay ku nollaadaan, amma kooxo ballaadhan oo gaadhaya ilaa 200 oo xubnood.16
Ka sakow sida uu u dhigayo Hansen ee ugu tilmaamayo in budhcad-badedduu aanay lahayn wax nidaam ah oo habaysan, waraysiyo baadhitaan oo aan sameeyey sannadkii 2011, oo aan la yeeshay qaar ka tirsan kooxo kala geddisan oo budhcad-badeed ah, waxa iiga soo baxay inay leeyihiin xeerar anshax oo adag oo qoraal ah oo ay ku dhaqmaan. Xeerarkaasi waa kuwa kala geddisan oo ku xidhan hadba kooxda samaysatay ee ay khuseeyaan. Waxa ku jira xeerarkaasi kuwa ku
saabsan sida loola dhaqmayo dadka la haystayaasha ah ee la qabsado, iyo qaababka kala geddisan ee loo weerari karo maraakiibta, iyada oo maraakiibta qaar, gaar ahaanna kuwa Kuuriyada Waqooyi, la ogol yahay in weerarro kulul oo dheeraad ah loo adeegsado oo lagu qaadi karo. Sida uu ii sheegay nin ka mid ah budhcad- badeedda oo la yidhaa Dahir, oo igu yidhi: ‘waxannu
leenahay xeerar kala geddisan oo aannu ugu talagalnay dalalka kala geddisan. Tusaale ahaan haddii aannu la kulanno markab laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed, waxannu ku qaadnaa weerar ba’an oo kulul. Waxay ku xidhan tahay hadba sida ay noola macaamilaan ee ay noola dhaqmaan maraakiibtaasi shisheeyuhu. Si xun ayay noola dhaqmaan Kuuriyaanka Koonfureed iyo Hindidu oo way nala dagaallamaan, si ka daran kuwa kale. Annaguna waxannu ku qaadnaa dagaal adag oo xoog leh oo ah waxa ay naga galabsadeen.’
Dhammaan kooxaha budhcad-badeeddu waxay leeyihiin xeerar iyo qaabab lagu ciqaabo xubnaha iyaga ka tirsan ee jebiya anshaxa u yaalla, waxana ku jira xadhig la xidho qofka, khasiraad amma ganaax iyo eri laga caydhiyo kooxda oo laga saaro. Kuwa dhawra ee sida daacadnnimada ah ugu hoggaansama sharciyadaasi, waxa la siiyaa abaalmarin, iyaga oo mutaystay magac iyo sharaf lagu ixtiraamo, iyo weliba mararka qaar hadiyado iyo lacag dhiirrigelin ah.17
Xidhiidhka Kooxaha Islaamiyiinta ee xagjirka ah
(Links with radical Islamists)
Warbaahinta qaar iyo warbixinno kale ayaa sheega in budhcad-badeeddu ay ku xidhan yihiin ururrada al- Shabaaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah, una yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah ilo muhiim ah oo dhaqaale amma lacageed. Waa laga yaaba in budhcad-badeeddu ay siiyaan khidmad amma cashuuro kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka taliya degaannada ay ka hawlgalaan, laakiin xidhiihdhka ka dhexeeyaa uma muuqdo mid ka sii fog intaasi.
Marka qudha ee wax laga qabtay budhcad-badeedda ee la kontoroolay waxay ahayd sannadkii 2006, markaasi oo Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahi (UIC) ay hayeen awodda xukunka ee goboollada Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya intooda badan. Midowgii Maxkamaduhu (UIC) waxay sheegeen oo ay soo rogeen in budhcad- badeednnimadu ay tahay shay xaaraan ah oo ka horjeedda shareecada iyo caqiidada Islaamka. Waxayna weerarro ku qaadeen dekedaha ay ka ololaystaan budhcad-badeeddu, waxayna ku guulaysteen inay guud ahaan iyo gebi ahaanba ka tirtiraan budhcad- badeednnimada dalka oo dhan. Koox kale oo Islaamiyiin ah oo iyana weerar ku qaadday budhcad-badeeddu waxay ahayd kooxdii Xisbul Islaam. Sannadkii 2010, waxay ka saareen oo ay ka caydhiyeen budhcad-badeeddii, magaalada Xaradheere oo ka mid ahayd meelaha saldhigyada waaweyn u ah ee haystaan, iyaga oo ku eedeeyey in falalkooda iyo waxyaabaha ay ku dhaqmayaan ay yihiin kuwa ka baxsan diinta oo ka soo horjeeda Islaamnimada. Waxa jirey warar xiiso leh oo ka hadlayey budhcad-badeed fara badan oo gaadhaya inta u dhaxaysa saddex boqol ilaa afar boqol oo baxsad ah, oo dhinaca miyiga amma kaymaha u yaacay, iyaga oo ku raran hubkoodii, oo qaarkood ay lugaynayaan, qaar kalena ay wataan baabuur Land Cruiser-ra ah. Markii danbe waxay degeen magaalada dekedda ah ee Hobyo oo waqooyiga ka xigta Xaradheere.
Inta ay xaaladda Soomaaliya tahay mid qasan oo aan degganaynna, waxa suurtogal ah in budhcad badeeddu ay helaan saldhig kale oo kolba ay u guuraan oo ay degaan, oo ka mid ah xeebta dheer.
Ma ahayd sida kale ee ugu habboon? (The best option?)
Dawladaha waaweyn ee adduunka, waxay ku noqotay arrin aanay filayn oo ku-soo-booddo ah soo- iftixibaankii budhcad-badeedda ka bilaabantay Soomaaliya. Ma jirin markaasi qaab iyo hab la adeegsado oo loogu talo galay in si wax-ku-ool loogaga hortago dhibaatadaas, taasi oo macnaheedu noqday in budhcad- badeeddu ay fulin karaan hawgalladooda iyaga oo aan ka werwerin wax khatar ah oo ay la kulmi karaan, isla markaasina ay ogyihiin in meesha ay ugu jirto fursad weyn oo ay wax badan ka heli karaan. Sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatey bishii November ee 2008, Taliyaha guutada shanaad ee Ciidammada Badda ee Maraykanka, Vice-Admiral William Gortney, waxa uu gartay amma aqoonsaday sababaha budhcad-badeednimadu ay u noqotay wax si weyn u soo jiidata Soomaalida, waxanu yidhi:’Ma jirto sabab aad ugu biiri weydo oo aad u noqon weydo budhcad-badeed. Markabka aan doonayo in aan qabsado oo aan weerara, ma aha mid isagu aniga i soo tuukanayo oo xabad igu soo ridaya, waana mid aan lacag ku heli doono. Ima xidhi karaan oo maba hayaan meeshii la igu xukumi lahaa ee maxkamad la igu saari lahaa.’18
Vice-Admiral Gortney aragtidiisan, waxa kale oo isna la qaba Patrick Cullen oo ah khabiir dhinaca arrimaha nabadgelyada, oo ka tirsan Jaamicadda Culuunta Dhaqaalaha ee London:’Budhcad-badeednnimadu waa shaqo iyo xirfad heer sare ah oo fiican haddii aad ka hawl gelayso dal faqiir ah oo aan nidaam iyo sharci lahayn sida Soomaaliya oo kale. Marka la isbarbar dhigo khatarta, iyo dhinaca kale faaii’dada ka soo gelaysa ee meesha ku jirta ee loogu badheedhayaana waa mid aad u badan oo weyn.’19
Budhcad-badeeddnimada, waxa si toos ah iyo si dadban labadaba u kaaliyey deeqaha debadda. Barnaamijyada iyo mashaariicda loogu talo galay in wax lagaga qabto oo lagu yareeyo saboolnimada haysata dadka ku nool xeebaha, ayaa ugu dedaalay sidii ay ugu heli lahaayeen ee ay ugu keeni lahaayeen dadkaasi saboolka ah doonyo kalluumaysi, doonayahaasi oo laakiin ay si kastaba u dhacday in aan lagu isticmaalin amma aan loogaga faa’iideysan ujeedooyinkii loogu talo galay. Waxa kale oo la sameeyey amma la hagaajiyo kaabayaal ay ka mid yihiinka dekado yaryar oo macmal ah, kuwaasi oo iyagana laga yaabo in laga faa’iideyteen oo ay caawiyeen. Tusaalaha ugu fiican ee la soo qaadan karo sida khaldan ee loo leexiyey mucaawanadii debadda ee marka hore laga lahaa ujeedada fiican, ee ay aakhirkii uga faa’iideysteen dad khalad ah oo aan ahayn kuwii loogu talo galay, waxa ka mid ah arrin ka dhacday Puntland, halkaasi oo shirkad Ingiriis ah oo xagga ammaanka qaabilsan, oo la yidhaa Hard Security UK ay ka waddey tababarro la siinayo ciidanka ilaalada xeebaha ee gudaha, doonyo iyo qalab kale oo ay ku hawl galaan ciidamadaas, una adeegsadaan ilaalinta badda oo ay ka ilaaliyaan budhcad-badeedda iyo maraakiibta kalluumaysiga sharcidarrada ah ee ajanebiga ah. In kasta oo bilawgii uu mashruucaasi ahaa mid lagu guulaystay oo si fiican u hirgalay, haddana shirkaddii Hard UK waxay degaannadaasi ka baxday sannadihii 2000, ka dib markii halkaasi uu ka qarxay khilaaf dagaal oo gudaha. In badan oo ka tirsan ‘ilaaladii xeebaha’ ee cusbaa ee sida fiican loo tababaray, ayaa si dhakhso ah u bedeley shaqooyinkoodii oo noqday budhcad-badeed, una adeegsaday qalabkoodii cusbaa iyo khibraddii ay heleen, si ka geddisan oo aad uga duwan ujeedadii markii hore laga lahaa ee loogu talo galay.
Maxaa lagu samayn karaa marka la soo qabto qof budhcad-badeed ah? (What do you do with a pirate when you catch one?)
Dihbaatooyinka waaweyn ee la xidhiidha budhcad- badeedda Soomaalida, waxa ka mid ah sida la odhan karo ee loo maarayn lahaa budhcad-badeedda marka la soo qabto. Xeerka caalamiga ah ee Qaramada Midoobey ee ka dejisan sharciyada baduhu waxa uu dhigayaa oo ku macnaynayaa budhcad-badeednnimadu inay tahay denbi caalami ah meel kasta, waxanu u ogolaanayaa dal kasta amma qaran kasta oo madaxbannaan oo dawli ahi, xaqa uu u leeyahay in uu soo qabqabto, dacwadan ku soo oogo oo uu maxkamad saaro budhcad-badeedda. Laakiin dalal badan waxa ka maqan oo aanay lahayn sharciyadii gaarka ahaa ee loo adeegsan lahaa arrimahani.
Waxa kale oo jahawareer ka jira dalka xaqa u yeelanaya in uu sharciyadiisa iyo awoddiisa ku fuliyo oo uu ku qaado budhcad-badeeddaasi; waayo waxa laga yaabaa in markabku uu sito oo uu ku dal-maraayo calan gooni ah, laakiin isla markabkaasi in dal kale laga leeyahay, iyo in uu sito badeecado iyo shixnado loo wado dalal kale oo dhawr ah, iyo in shaqaalaha saaran dhalashadoodu ay iskugu jirto dalal kala gooni ah.
Waxa kale oo iyana meesha ku jirta oo muhim ah dalka laga leeyahay ee uu ka tirsan yahay markabka dagaal ee soo qabtay budhcad-badeeddaas.
Bilawgii, waxa dhici jirtey in la iska sii daayo badankooda budhcad-badeedda ay qabtaan maraakiibta dagaalka ee shisheeyuhu. Dalal badan oo ku jira hawlgalka caalamiga ah ee ilaalinta badaha ayaa raaci jirey oo ku dhaqmi jirey siyaasadda ah ‘soo qabo oo sii daa’, sababta oo ah in la qaso oo la curyaamiyo budhcad-badeedda, halkii la marin lahaa qaabab iyo habab adag oo dhibaato badan oo maxkamado lagu saaro. Tusaale ahaan, bishii September ee 2008, markab dagaal oo laga leeyahay dalka Denmark ayaa soo qabtay toban qof oo lagu tuhmey inay yihiin budhcad-badeed, iyaga oo maraya Khooriga Cadmeed, oo sitta garnayllada basuukayaasha iyo sallaan dheer. Ka dib markii la hayey muddo toddobaad ah, mas’uuliyiintii reer Denmark waxay go’aansadeen inayna haysan wax awod sharciyeed ah oo ay ku maxkamadeeyaan dadkaasi, sida awgeedna waxay kala wareegeen qalabkii ay siteen, waxayna geeyeen dadkii xaggaa iyo xeebaha Soomaaliya oo ay ku daadiyeen.
Bishii April ee 2009, ciidammo ka socda dalka Holland oo ka tirsan ciidamada ilaalada ee gaashaabuurta NATO, ayaa soo qabtay toddoba budhcad- badeed ah oo Soomaali ah, hasse ahaatee way iska sii daayeen, iyaga iyo doonnidoodiiba, iyo weliba shidaal ku filan oo ay sii siiyeen, si ay iyaga oo bedqaba oo nabad ah ay u gaadhaan dhulkoodii oo ay dib ugu noqdaan. Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee NATO oo la yidhaa Taliye Chris Davies, waxa uu sheegay in sharci ahaan aanay jirin wax kale oo la samayn karayey: ‘Waa arrin la xidhiidha xagga sharciyadda iyo sharci-dejinta. Budhcad-badeeddu waxay ahaayeen qaar bilawgii la soo qabtay oo rumaan ahaan loo hayey, waxana laga qaaday hubkii oo waxa laga dhigay dad aan waxba samayn karayn oo aan lahayn awod. Dib ayaana loo celiyey budhcad-badeeddaasi oo la sii saaray doonnidoodii, lana sii siiyey raashin iyo daruuriyaad kale oo taakulayn ah.’20
Laakiin waxa jirey budhcad-badeed kale oo aan iyagu sidaa u sii nasiib badnayn. Qaar ka mid ah kuwaasi, waxa loo dhiibay oo lagu wareejiyey maamulka Puntland, halkaasi oo lagu xidhay xabsiyo buux- dhaafay. Mid ka mid ah budhcad-badeeddaasi, muddo toddoba bilood ah ayuu ku qaatay oo lagu dhex hayey markab dagaal oo Maraykan ah, waayo ma jirin cid go’aan ka gaadhi karaysay waxa ay tahay in lagu sameeyo amma sida la odhanayo. Qaar kale, waxay u gacan galeen ciidamada ilaalada badda ee Yemen oo qabqabtay, maxkamadna lagu saaray dalkaas Yemen, oo lagu xukumay dil.
Markii muddo laga soo wareegey, waxa jirtey haddana in qaar ka tirsan budhcad-badeeddaasi in loo qaaday xabsiyo ku kala yaal dalalka Faransiiska, dalalka Netherlands, Maraykanka iyo meelo kale, halkaasi oo qaarkood bilo ay ku sugayeen in maxkamad la geeyo, iyada oo la diyaarinayey shariciyadii loo baahnaa.
Kiiskii amma dacwaddii maxkamadeed ee ugu horraysay ee lagu qaado qaaradda Yurubna, waxa laga furay maxkamad ku taal dalka Holland, bishii May ee 2010. Sida ay ku tilmaantay jaridadda Daily Telegrah oo soo xiganaysa Collin Freeman oo wax ka qoray dacwaddaasi maxkamadeed, bishii June ee 2010, dadkaasi oo ahaa shan qof oo Soomaali ah, waxa la soo fadhiisiyey qolka maxkamad ku taal magaalada Rotterdam, iyaga oo ‘xidhan dhar la soo ergisey, una muuqda in si weyn ay iskugu buuqsan yihiin oo ay jahawareersan yihiin, oo dhinacna u muuqda inay caajisan yihiin oo ay ka jajaban tahay, dhinacna faraxsan.’21 Shantaasi qof ee Soomaalida ah, waxa loo haystay oo lagu soo ogay dacwad, iyaga oo loo cuskanayo sharciyo ‘budhcad- badeednimada’ oo markii hore la dejiyey qarnigii toddoba-iyo-tobnaad. Dadkan la heystey ee eedaysanayaasha ahaa waxay ku doodeen inay kalluumaysanayeen, wax xabbado ahna in aanay ridin. Hasse ahaatee qaar ka tirsan shaqaalihii markabka oo Turki ah, oo saarnaa markabkaasi Holland oo ah nooca xamuulka oo ka diiwaan-gashan jasiiradaha Antilles, ayaa waxa ay ku fureen markhaati ah in raggaasi ay u soo dhawaadeen markabka, iyaga oo watta doonni aad u dheeraynaysa oo si xawli leh u socota, soona ridaya taxshiirado iyo basuukayaal ay la soo eegteen dheegga sare ee markabka. Soomaalidii waxa lagu helay inay galeen denbigaasi, mid kastana waxa lagu xukumay shan sanadood oo xabsi ah.
Dalka Maraykanka, intii ka danbaysay sannadkii 1820- kii, dadkii ugu horreeyey ee xeer-beegti Maraykan ahi ay ku qaaddo kuna hesho denbi ah fal dudhcad-badeed, waxa ay noqdeen shan Soomaali ah, oo bishii March ee 2011-kii lagu xukumay xabsi-daa’im amma madaxaa-ha-ku furo. Waxay sameeyeen khalad xun oo halis weyn ah, oo ay ku khaldameen markab dagaal oo Maraykan ah oo ku jira hawlgal ah ka-hortag budhcad-badeed, una qaateen in uu yahay markab xamuul oo ganacsi.
Dalalka reer-Galbeedka, waxa kale oo ay dhibaato ka haysataa cabsida ay ka qabaan in budhcad-badeeddaasi marka ay dhamaystaan xukunkii xabsida, inay isku deyi doonaan inay is-dhiibaan oo ay dalbadaan magangelyo. Budhcad-badeeddii ku xidhnayd dalka Holland, waxa la sheegay inay aad ugu faraxsanaayeen inay markii ugu horraysay noloshooda helaan musqulo biyo leh, laydh amma koranto afar-iyo-labaatanka-saacadood ah, iyo furaashyo raaxo badan. Looyar amma qareen u doodayey mid ka mid ah budhcad-badeedda, waxa uu ka hadalay nolosha raaxada ah ee xabsiyada Holland dhexdeeda, marka loo eego xaaladihii hore ee nololeed ee budhcad-badeeddan: ‘Markii ugu horraysay ee aan la
hadlo amma wax weydiiyey eedaysanihii aan wakiilka ka ahaa ee aan daafacayey, waxa uu ii sheegay in joogitaanka halkan ee imiku ay tahay jannadii oo kale. Markii ugu horraysey noloshiisa, marna ma uu dareemin wax khatar ah oo uu ka cabsado halkan,
Waxanu ku jirey xabsi casri ah oo leh suuli amma musqul iyo meel lagu qubeysto oo casri ah, kuwaas oo ah noocii ugu horreeyey ee uu abidkii helo noloshiisa.’ 22
Iyaga oo qaba noloshaasi raaxada leh, marka loo eego sidii hore ee ay ahaan jireen, ee ay helayaan shanto sano ee ay ku jiraan xabsiyadan Holland, kuna haystaan qolal amma maqsinno gaar u ah oo leh telefishankii, musqushii iyo meeshii qubeyska ee ay ku maydhan lahaayeen, haddana budhcad-badeeddaasi waxa si kastaba suurtogal u ah inay xaq u yeeshaan inay is-dhiibaan oo ay codsadaan in la siiyo magangelyo, isla marka muddadii xukunka xabsigu ka dhammaato.
Bishii March ee 2010, tirada guud ee maxaabiista budhcad-badeedda Soomaalidu waxay kor u dhaaftay siddeed boqol oo ku kala jira xabsiyada lix-iyo-toban dal oo kala duwan. Waxa jirey dedaallo badan oo kala geddisan oo la isku deyey in la sameeyo hab lagu midaynayo nidaamyada dacawadaha maxkamadeed ee la saarayo budhcad-badeedda iyo xabsiyada lagu haynayo, laakiin ilaa iyo hadda midna laguma guulaysan.
Sannadkii 2009-kii, dalalka Marayknka, Midowga Yurub, Canada iyo dalal kale ayaa heshiis la gaadhay dawladda Kenya, heshiiskaasi oo ahaa in dadka loo haysto budhcad-badeednimada loo wareejiyo magaalada Mombasa ee xeebta ku taal, halkaasina lagu hayo, laguna maxkamadeeyo. Hasse ahaatee bishii April ee 2010 ayay dawladda Kenya sheegtay in aanay aqbali doonin cid danbe oo loo haysto budhcad-badeednimo oo loo keeno, sababta oo ah in aanay haynin kharashkii iyo dhaqaalihii ku bixi lahaa ee loo baahnaa. Waxa kale oo ay intaasi ku dareen in hey’adaha caddaaladda ee Kenya imikaba ay qabaan kullays badan oo haysta oo aanay wada qaadi Karin, waxayna tibaaxeen in aanay doonayn in Kenya ay noqoto ‘Guantanamo-dii Budhcad- badeedda’. Ka dibna, lacagayow dheeraad ah oo debadda ah ayaa loo qoondeeyey maxkamad u gaar ah budhcad- badeedda oo laga sameeyey Mombasa, laakiin ila hadda hawshaasi ma noqon mid u hirgasha sidii laga rabey.
Sannadkii 2010-kii, dalka Sychelles oo budhcad- badeedda Soomaalidu si xun u saamaysay ayaa heshiis la saxeexday Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa, heshiiskaasi oo dhigaya in halkaasi lagu maxkamadeeyo dadka loo haysto falalka budhcad-badeednnimada. Hasse ahaatee jasiiraddaasi waxay leedahay oo ku yaalla hal xabsi oo qudha, umana qalabaysan xabsigaasi si qaadi kartaa oo ku filan daryeelka dhibaato iyo culays baaxaddaas weyn leh.
Waxa jirey talooyin la soo jeediyey oo ku saabsanaa in laga dhex sameeyo Somaliland iyo Puntland maxkamado iyo xabsiyo budhcad-badeed oo caalamku maalgeliyo, laakiin waqtigii la qorayey buuggani, kuwasi laftooda waxa ka horyimid carqalado amma dhibaatooyin.
Marka ay sii daba dheeraataba… (The longer it goes on…)
Mar kasta oo la sii xoojiyo raadcaysiga lagu soo qabqabnayo budhcad-badedda xeebaha Soomaalida, iyo mar kasta oo budhcad-badeed kale oo dheeraada la sii xukumo oo xabsiyada loo diro, waxa kale oo iyaguna sii kordhaya noocyada falalka iyo weerarrada budhcad- badeerddu ay ku kacayaan. Bilawgii, waxa aad u yaraa dilka amma dhaawaca loo geysto dadka la-haystayaasha ah ee la qafaasho, sababta oo ah inay uga faa’iido badan yihiin oo qiimo weyn ay ugu fadhiyaan budhcad- badeedka, inta la-haystyaashaasi nolol lagu hayo ee ay bedqabaan amma nool yihiin, ka sakow halkii laga dili lahaa amma ay noqon lahaayeen wax dhintay. Hasse ahaatee waxa dhacday in sannadihii u danbeeyey ay sii korhdaysay tirada dadka la-haystayaasha ah ee dhinta. Bishii February ee 2011, waxa la diley afar qof oo Maraykan ah oo la haystey, mar ay ciidammo Maraykan ahi ay qaadeen hawlgal ay doonayeen inay dadkaasi ku soo furtaan. Waxa khatar kale la sii geliyey xaaladihii xasaasiga ahaa ee awalba taagnaa, kuwaasi oo maraakiibta iyo dadka saaran ee shaqaalaha ah la soo deyn jirey ka dib marka madax-furasho la bixiyo, iyo budhcad-badeedda ay qabtaan ciidamada ilaalada badda ee caalamiga ahi oo la iska sii deyn jirey oo loo suurtogelin jirey amma loo ogolaan jirey inay dib ugu noqdaan dhulkoodii. Marka oo ay sii kordhaan tirooyinka budhcad-badeedda la dilo ee ay dilaan ciidammo nabadgelyo oo gaar ah amma ciidamada komaandoosta ee badda ee qaada weerarrada ay ku soo furanayaan maraakiibta, waxa dhinac kale suurtogal ah inay iyaguna sii kordhaan dilalka budhcad-badeeddu ay kula kacaan dadka la-haystayaasha ah.
Waxa kale oo sii kordha cadhada iyo gaca-ka-hadalka budhcad-badeedda, mararka wadahadalka iyo gorgortanka lacagta madax-furashadu ay sii jiitamaan amma burburaanba. Bishii January ee 2010, nin la yidhaa ‘Caddow’ oo ka mid ahaa budhcad-badeeddii haysatey lammaanihii Ingiriiska ahaa ee Paul iyo Rachel Chandler, waxa uu ii sheegay in waxa uu ku tilmaamay ‘wiilal yaryar’ oo ka tirsan kooxdihii, inay ‘ku qabteen lammaanahasi qoryihii ay haysteen, kuna garaaceen’, sababtana waxay ahayd ayuu yidhi inay ‘aad uga xanaaqeen oo ay ka cadhoodeen wadahadalladii lacagta madax-furashada oo wax horumar ah laga samayn waayey’.
Warbixin uu soo saaray machadka loo yaqaan One Earth Future Foundation sannadkii 2011-kii, waxa uu faafiyey oo kashifay sheekooyinka aan waxba ka jirin ee la isla dhex maro ee sheega in budhcad-badeedda wax qabsataa ay yihiin dad leh naxariis banii’aadminnimo. Waxayna tusaale u soo qaadanaysaa oo ay eegaysaa warbixintaasi, waayo-aragnimada argagaxa leh ee ay soo mareen iyo waxyaabaha la baday ee lagula dhaqmay shaqaalaha maraakiibta ee la qabsado, kuwaasi oo sharikadaha maraakiibta ee ay ka tirsan yihiin mar walba u sheegaan oo amar ku siiyaan shaqaalaha, in aanay bixin wax warar ah oo ku saabsan sidii loola dhaqmay iyo dhibaatooyinkii ay soo mareen. Sababtuna waxa weeye in sharikadahaasi ay ka baqanayaan in taasi ka cabsiiso oo ay ka joojiso in dadku ay shaqooyin u doontaan maraakiibta.
Warbixintu waxay ku tilmaamaysa wax ‘layaab leh’ oo laga argagaxo dhaawaca iyo dhibaatooyinka banii’aadminimo ee soo gaadha shaqaalaha maraakiibta ee la qafaasho, kuwaasi oo intooda badani ka yimaadda amma u kala dhashay dalalka Philippines, India iyo Bangladesh, oo warbaahinta caalamku aanay iyaga sidaa u danayn, si la mid ah sida ay u daneeyaan la- haystayaasha reer-Galbeedka ah. Kaija Hulburt oo bishii June ee 2011 wax ka qoray dhibaatooyinka banii’aadminnimo ee ay geystaan budhcad-badeedda Somaalida, waxa qoraalladaasi ka mid ahaa:
Weerarrada (soo-furashada ah) lagu guuleysto iyo kuwa aan lagu guulaysan labaduba waxay khatar gelinayaan badmareennada oo halis ugu jira inay la kulmaan dhibaatooyin xanuun iyo argagax leh oo muddo dheer ku dhaca jidhkooda iyo maskaxdoodaba. Budhcad-badeedda Soomaalidu waa qaar si weyn u hubaysan, oo inta badan sitta qoryo, noocyada boobaha ah ee otomaatigga ah, gantaallo baasuukayaal ah, iyo waxyaabaha qarxa. Budhcad- badeeddu waxay weerar ku qaadaan maraakiibta, waxay faraxumeeyaan amma ku dacatiyaan oo ay gacan ula tagaan badmareennada, dadka la- haystayaasha ahna, waxay hoos-geeyaan oo ay u sameeyaan rag aad u hubaysan oo si buuxda u kontoroola, gaadhna ka haya oo waardiyeeya.
Dhammaan xaaladahani oo dhammi waa qaar keeni karaa inay sababaan dhaawacyo halis ah oo soo gaadha iyo xattaa dhimasho ku timaad badmareennada. Waxa intaasi dheer, saamaynta dhibaatooyinkaasi muddada dheer ay ku jiraan ay ku yeelanayaan ee ay u dhaawacayaan maskaxda iyo dareenka badmaaxyada, oo in kasta oo dhaawacaasi uu yahay mid aan isla markaaba si sahal ah loo ogaan Karin oo aan u muuqan, haddana ah mid riiqdiisa danbe ee uu ku reebayaa ay aad u xun tahay.23
Warbixintu waxay sheegtay in sannadkii 2010 oo keliya gudihiisii, in dad ka badan afar kun oo qof oo badmareenno ah lagula kacay weerarro hubaysan, qaar kalena laga dhigtay gaashaan banii’aadan. Waxana warbixintu intaasi ku dartay in marka la isku celceliyo, muddada la haysto dadkaasi ay noqonayso ilaa shan bilood. Waxa kale oo ay ka hadashay noocyada ciqaabta kala geddisan ee jidh-dilka ah ee lagula kaco, waxana ka mid ah ayay tidhi:
Dhuumo xoog leh oo biyo ah oo lagu furo la- haystayaasha, iyaga oo lagu dhex xidho qaboojiyayaasha markabka oo dusha lagaga qufulo, dadkaas oo lagu xidho dheegga sare ee markabka oo ay ku dhacdo qorrax amma milic aad u kulul oo lagu gubanayo, iyo la-haystayaasha oo inta la dedelo oo la foorariyo, madaxa hoos loogu rido oo la quusiyo badda … iyada oo laga soo deldelo tiirarka markabka iyo biraha qadhabatooyinka ah ee la sudho hilibka … la-haystayaasha oo inta la wada qaawiyo oo dharka laga dhigo, la iskugu keeno oo la soo tubo meel ka mid ah markabka dhexdiisa … iyo iyada oo lagula kaco dilal beenbeen ah oo ku-dheeldheelis ah.24
Warbixintu waxay soo xiganaysaa nin ah farsamayaqaan xagga matoorrada, oo lagu qabsaday markabkii MV Marida Marguerite ninkaasi oo yidhi: ‘Maalin ka mid
aha maalmaha, ayaa waxay i geeyeen xagga dusha ee markabka, waxayna iga xidheen gacmaha iyo lugaha oo ay garba-duub iskugu kay jebiyeen dhabarka, sidaasina aan ku jirey muddo laba saacadood ah. Waxa kale oo xiniinyaha ay igaga xidheen oo ay igu kiijiyeen waayir amma xadhig caag ah.’25
Sida ay ka soo xigatey jariidadda The Guardian, nin isna Hindi ah, oo hore loo qabsaday, magaciisana la yidhaa Dipendra Rathore, ninkaasi oo saarna markab la qabsaday bishii April ee 2010, waxa uu sheegay in weli ay sii haysato dhibaatada raadkii uu ku reebay argagixii uu soo maray:
Mar walba waxay nagu hayeen xaalad argagax iyo naxdin ah – si isdaabajoog ah ayay noo garaaci jireen, iyaga oo nala dhacaya biro dhaadheer … waxan arkay shaqaalihi saxiibaday ahaa oo lala dhacayo ulo, iyo xadhkaha korantada oo xiniinyaha lagaga xidhay, nin inta xadhko lagu xidhay laga soo deldalay tiirka sare ee markabka, halkaasina ka soo deldalnaa dhawr saacadood. Xattaa haddii aanan indhahayga ku arag oo aanan goobjoog ka ahayn ciqaabaha jidh-dilka ah, waxan maqlayey qaylada. Welina qayladii dhegahayga ayay ka sii yeedhaysaa ilaa maantadani.26
Marka loo eego waayo-aragnimada dhibaatooyinkani laga soo kasbaday, haddana talooyinka ay soo saaraan ciidamada badda ee Midowga Yurub ee ku qoran qoraalka cunwaankiisu uu yahay Sida looga badbaado amma looga sabatabaxo budhcad-badeedka xeebaha Soomaaliya
(Surviving Piracy off the Coast of Soomaaliya), talooyinka halkaasi ku yaal ayaa u muuqda wax kooban oo xaddidan. Waxana ka mid ah: ‘Haddii markabkaaga ay
budhcad-badeed qabsato, waa in aad ku talo gashaa inay dhici karto in lagu haysto muddo dheer.
Caadiyan, inta dadka la haystaa waxay u dhaxaysaa lix ilaa laba-iyo-toban toddobaad, laakiin waxa laga yaaba in intaasi ay wax badan ka sii dheeraato, iyada oo ku xidhan hadba sida loogu guulaysto wadahadallada gorgortanka.’ 27
Iyada oo aanay dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya aanay xukumin oo aanay gaadhsiisnay degaannada ka tirsan dalka ee budhcad-badeednimadu ka jirto, suurtagal uma aha in dawladdu ay ka qaaddo tallaabooyin wax ku filan, oo wax lagaga qabanayo dhibaatadaas. Bishii Oktoobar ee 2009, ra’iisal- wasaarihii waqtigaas, Omar Sharmarke, waxa uu ii xaqiijiyey oo uu ku ballanqaaday in xukuumaddiisu ay ka dhammayn doonto oo laga tirtiri doono budhcad- badeedda xeebaha Soomaaliya oo dhan, labada sano ee soo socda gudahooda. Waxa uu ku gacansaydhay oo aanu waxba ka soo qaadin soo-jeedintaydii ahayd in laga yaabo in taasi ay ku noqoto hawl aad u cuslus oo dhibaato ku ah dawladda, maadaama ay awodda dawladdiisu xaddidan tahay, oo ay ku kooban tahay uun jidad yar oo ka tirsan magaalo-madaxda Muqdishu. Waxanu igu yidhi:’ Ma ahin waxa aan karti iyo awod lahayn, laakiin imkaaniyaadkii aannu wax kaga qaban kari lahayn dhibaatadani ayaanaan haysan oo aan dhammaan halkan wada ool. Waa sababtaa, sababta aannu debadda uga raadinaynno taageero iyo maalgelin.
Waannu titiri doonnaa budhcad-badeedda, annaga oo u adeegsanaynna dadweynaha iyo olole waci-gelineed, kuna xoojinaynna quwad milatetr.’
Sidii aan horeba u soo sheegnay, Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahi waxay awodeen inay wax ka qabtaan oo dhibaatadii budhcad-badeeddu ay aad u yaraato. Hansen waxa uu isna ka hadlayaa sida xukuumadda la magacbaday Jamhuuriyadda Somaliland ay guulo uga soo hoysey la-dagaallanka budhcad-badeedda:
Guulaha Somaliland ka gaadhay la-dagaallanka budhcad-badeednnimada ayaa ah wax weyn oo loo bogo oo aan la filayn … ka sakow ciidamadooda ilaalada xeebaha oo aad u taag daran, haddana weerarrada budhcad-badeedda ee ka dhacay qaybaha ku aaddan iyaga ee aagga dhaqaale ee badaha Soomaaliyeed, ayaa ahaa weerarro tiradoodu ay ka yar tahay qiyaastii mid amma hal labadii sanaba mar ka dhaca halkaasi, marka la eego guud ahaan tobankii sano ee ugu danbeeyey. Somaliland waxay si degdeg ah uga hortagtaa kooxaha budhcad- badeedda ee la soo sheego, ee wararkooda la isla
dhex maro, kooxahaasi oo ay soo qabqabtaan amma gacanta ku soo dhigaaan ka hor inta aanay is- abaanulin, amma xilliga ay diyaargaroobayaan ee weli aanay ku kicin wax hawlgal ah oo ay fuliyaan.28
Waa wax xiiso leh in Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah iyo xukuumadda Somaliland ay ku guulaysteen in wax laga qabto oo la yareeyo dhibaatada kaga timaadda budhcad-badeednnimada, si ka badan heerka wax- qabashada ciidamada caalamiga ah ee ilaalada badda xeebaha Soomlia oo kharsha aad u badani ku baxo, kuwaasi oo aan samayn oo qudha hawgallo wadajir ah oo ay iska kaashadaan ciidamada hawlgallada gaarka ah ee Ururka Midowga Yurub iyo gaashaanbuurta NATO,laakiin ay ka qaybqaataan maraakiib dagaal oo goonida ah, oo ka kala socda dalal ay ka mid yihiin Ruushka, Iran, India, China iyo Japan.
Tani waxay daliil amma caddayn u tahay in sida ugu habboon ee waxa lagaga qaban karo dhibaatada budhcad- badeedda, inay tahay xagga dhulka, iyada oo loo adeegsanayo inta badan qaababka iyo tabaha wax lagu xalliyo ee gudaha ee Soomaalida, kuwaasi oo lagu ladhi karo gacansiin iyo taageero debadeed.
Budhcad-badeeddu waxay keentay in caalamku uu fikrad khaldan oo aan wada sax ahayn uu ka qaatto Soomaaliya. Sawika guud ee laga haystaana waa dal ay abaaro ku habsadeen oo la degeen, oo ay haystaan kooxo ku xidhan al-Qaacida, oo budhcad-badeed gashay oo ay ku faaftay biyahooga amma badahooga.
Lama dafiri karo in kooxo marka sidaas loo eego ilaa heer koobani, in ay horseedeen oo ay sababeen dhibaatooyin khasaare oo ballaadhan. Laakiin haddana xaqiiqada ah in maamullo gudaha ah oo yaryar, oo awoddoodu ay kooban tahay marka la barbar dhigo kuwa kale, in ay keeneen oo ay heleen xal iyo farsamooyin wax-ku-ool ah oo shaqaynaya, taasi ayaa manaheedu uu yahay in dhinac kale looga wareegi karo, iyada oo laga shidaal qaadanayo amma wax laga baranayo tusaalooyinka waayo-aragnnimada Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Somaliland.
Faragelinta debadeed ee lagu samaynayey Soomaaliya, laga soo bilaabo dhicitaankii Siyaad Barre ee 1991- kii, waxay noqdeen qaar aan inta badan lagu gaadhin ujeeddooyinkii laga lahaa, sida aan loogu guulaysan ee ay ku danbeeyeen dedaalladii kale ee debadda ee isku deyayey in dib loogu dhiso dawladnnimadii, amma wax lagaga qabto dhibaatooyinka dalkaasi. Qaar maba yeelan wax saamayn ah, qaarna waxay uga sii dareen oo ay sii xumeeyeen xaaladihii halkaasi ka jirey. Sida ay tilmaamayso qoraaga Anna Lindley, ka sakow dhammaan wixii faragelin ahaa ee lagu sameeyey Soomaaliya, haddana Soomaalidu marna ma ogolaan inay noqdaan oo keliya madiidin ay ku adeegtaan ajanebigu:
Faragelinta debadeed waxay marar badan kaalin weyn ka qaadatay abuurista xaalado dagaal iyo burbur dawladnnimo. Soomaaliya, waxa jirey xilliyadii dagaalkii qaboobaa oo la maalgelinayey dhismaheeda milateri (taasi oo marna la bedeleyey, mararna lagala noqonayey oo la joojinayey), mucaawano caalami ah (oo marna si xad-dhaaf ah loo siinayey, mararna laga joojinayey), iyo dib-u-habayn koboca dhaqaalaha oo ku salaysan afkaarta casriga ah ee furfurnaanta amma liberaalka (oo ay ku jirto khaladaadka aragtidani laga fahmay). Dhammaan arrimahani waxay gacan ka geysteen inay deganaansho la’aan ku keenaan dawladnnimadii iyo qarannimadii, faragelintii caalamiga ahaydna waxay si cad ugu guuldarraysatay inay xal u hesho khilaafka Soomaaliya ilaa bilawgii muddo labaatan sano ah. Laakiin, ka sakow guuldarrada qorshayaashii loo dejiyey in isbedel lagaga sameeyo Soomaaliya, haddana nolosha Soomaalida ee gobolkaasi waxay ahayd mid socota, soona martay qaabab kala duwan oo ijtimaaci iyo dhaqaale, habab cusub oo siyaasadeed iyo isbedello.1
Dadka leh awodda siyaasadeed, ma aqbalaan in siyaasadahoogii ku aaddanaa Soomaaliya inay fashilmeen. Ra’iisal-wasaarihii hore ee dawladda Ingiriiska, Tony Blair, mar la weydiiyey bishii September ee 2010-kii in uu u arko in siyaasadihii reer-Galbeedka ee ku aaddanaa Soomaaliya iyo Yemen ay dhibaato ku keeneen reer-Galbeedka oo ay sii xoojiyeen uun ururka al- Qaacida iyo ururrada kale ee xagjirka ah, halkii ay ka daciifin lahaayeen, waxa uu ku jawaabay Tony Blair:
Marka kooxahan jooga Yemen iyo Soomaaliya ay gumaadayaan dadweynaha aan waxba galabsan, ma aha annaga kuwa ugu wacan ee ku kicinaya inay falalkaasi ku dhaqaaqaan. Waxa nala gudbooni waa in aannu ka qabanno. Waa dood aan qiime iyo macne ah lahayn in la yidhaado annaga ayaa ugu wacan oo
ku kallifaynna inay sidaas sameeyaan Ma
waafaqsanin oo ma aqbalayo hadalladan odhanaya siyaasadaha dalalka reer-Galbeedka ayaa sii xoojiyey ururradan Yemen iyo Soomaaliya. Siyaasadaha reer-Galbeedku waxay u qaabaysan yihiin oo loogu talo galay in laga hortago oo wax laga qabto xumaha iyo wixii khalad ah, wixii dib-u- socodnnimo, dammiir-xumo iyo dib-u-dhac ah.2
Soomaaliya waxay dhibaato weyn oo madax-xanuun ah ku ahayd quwadaha waaweyn ee debadda, xilliyo badan oo ka tirsanaa taariikhdeeda. Laga soo bilaabo horraantii 1900-kii, ciidamadii daraawiishta ee wadaadkii ‘Mad Mullah’, waxay qas kala hortegeen qorshayaashii isticmaarka, gaar ahaanna kuwii Ingiriiska. Faragelintii Maraykanka iyo Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysa ee 1990-yadii waxay noqdeen kuwa gaar ahaan yeeshay saamayn xun iyo xanuun weyn. Hawlgallo loogu talo galay bilawgii inay noqdaan
gurmad banii’aadminnimo, ayaa waxa ay ku danbeeyeen ciidamadii Maraykanka iyo Qaramada Midoobey inay ka mid noqdaan dhinacyadii dagaallameyey ee is-hayey, kuwaasi oo in badan oo ka tirsan dadkii loogu talo galay in ciidamadaasi ay u gurmadaan oo ay u gargaaraan, ay u arkeen isla ciidamadaasi qaar cadow ah. Waa markaas marka uu soo baxay hal-hayska amma ereyada ah ‘hawlgal leexday/isbedely’. Ereyadaas waxa soo saaray qoraaga Jim Hoagland oo wax ku qori jirey jariidadda the Washington Post, isaga oo wax ka qoray faragelintii Maraykanka ee 1993; waxana ugu horraantii lagu isticmaalay in lagu tilmaamo sida faragelin debadeed ay ugu danbayn karto wax gebi ahaanba ka geddisan, kana murug iyo mashaakil badan, wixii hore ee loogu talo galay amma ujeeddooyinkii marka hore laga lahaa in hawgalkaasi uu guto.3
Xilliyadii faragelintaasi debadeed ee burburku ka yimid, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey waxa ahaa Boutros Boutros-Ghali. 1996k-kii, waxa uu ka hadlay sida xaaladaha Soomaaliya ay u noqdeen kuwa ugu fool adag ee weligood la soo gudboonaaday Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysa, waxanu yidhi: ‘dedaalkii
Qaramada Midoobey ee ku saabsanaa sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka banii’aadminnimo ee Soomaaliya, sidii kor loogu qaadi lahaa dib-u- heshiisiinta kooxaha dagaallamaya iyo hroumarinta dib-u-heshiisiinta qaran, dedaalladani waxay horseedeen oo ay keeneen dhinaca kale hawlgalladii ugu qallafsanaa ee ugu fool adkaa, ugu hawl badnaa taariikhda Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysa kontonkii sano ee ay soo jirtey.’
Ka dib markii lagu guuldarraystay hawlgalladii kharashka badani ku baxay ee Qaramada Midoobey iyo Maraykanka, oo weji-gabax ku danbeeyey, quwadihii shisheeyaha iyo hey’adihii caalamiga ahaa intoodii badnayd waxay ka baxeen Soomaaliya. Qaybo ka tirsan dalkaasi waxay galeen xaalado nabadgelyo-la’aan amma deganaasho la’aan ah oo joogto ah, waxayna u kala jajabeen qaybo iyo kooxo kala geddisan oo mar walba isbedelaya, inta bandanna midba midka kale dagaal kula jiro. Qaybo kale oo dalkaasi ka tirsanaa goonidooda ayay u baxeen, qaybta ugu fogaatey ee tusaale loo soo qaadan karaana waxay noqotay Somaliland oo ku taal Waqooyi Galbeed oo iyadu ku dhawaaqday madaxbannaani, oo in kasta oo aanay helin guud ahaan wax mucaawano ah oo debadeed oo muuqda, haddana samaysay dib-u-dhis gaadhay in uu abuurmo hab siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo shaqaynaya.
Sidii nabad iyo deganaansho waara looga dhalin lahaa Soomaaliya, waxay noqotay hawl aad u weyn, ilaa haddana aan maare loo helin oo hortaal dawladaha debadda ee siyaasadaha hoggaamiya. Sideedaba, labada waxa fudud in laga hadlo oo la tiriyo waxyaabaha ka qabsoomi waayey arrimaha Soomaaliya, marka loo eego wixii qabsoomay. Waxa guuldarraystay fargelintii ballaadhnayd ee milateri. Waxa kale oo fashilmay shirarkii durugsanaa ee dib-u-heshiisiinta ee lagu qabanayey dalalka debadda. Haddana lama hayo ilaa hadda wax dammaanad-qaad ah oo lagu kalsoonaan karo in hababka ka shaqeeyey Somaliland, iyo Puntland iyo maamul-goboleedyada kale oo ilaa heer ka yar marka la barbar dhigo Somaliland, in lagu dayan karo oo sidoo kalena lagu dabbiqi karo meelaha kale oo ay habakaasi ka shaqayn karaan. Waayo waxa dhici kartaa in haddii habkani la wada raaco, aakhirka ay suurtogal noqoto in dalku gebi ahaanba uu kala qaybqaybsamo, oo uu lumiyo guud ahaan jiritaankii qaran dawli ah.
Soomaaliya iyo ‘la-Dagaallanka Argagixisada'(Soomaaliya and the ‘War on Terror’)
Kor-u-kicitaankii dagaallada Islaamiyiinta ee gobolkaasi iyo meelaha kale ee adduunka ka tirsan, waxay Soomaaliya dib ugu soo celiyeen raadaarka amma indhaha caalamka. Dhacdooyinka ugu waaweyni waxay ahaayeen sanaddii 1998-kii, markii la duqeeyey ee la qarxiyey safaaradihii Maraykanka ee ku kala yaalley dalalka Kenya iyo Tanzania, iyo weerarlki al-Qaacida ay ku qaadday Maraykanka 11-kii bishii Sept 2001, weerarradaas oo wax weyn ka bedeley sidii adduunku u dhaqmayey. Ururkii Islaamiyiinta Soomaalida ee al- Itixaad ayaa waxa lagu daray liiska Maraykanka ee ururrada lala xidhiidhiyo argagixisada. Waxa sidoo kale liiskaasi lagu daray shirkaddii xawaaladaha lacagta ee Soomaalida ee al-Barakaat. Laba bilood ka bacdi weerarkii 9/11, dawladda Maraykanku waxay amar ku bixisay in la xidho shirkaddii al-Barakaat. Maraykanku waxay ku eedeeyeen milkiilihii shirkaddaasi, Ahmed Ali Jimale, in uu yahay nin ay saaxiib yihiin oo taageera Osama Bin Laden, oo maamula lacagihiisa, una gudbiya lacagahaasi ururka al-Qaacida meel kasta oo adduunka looga baahdo. Sidii aan horeba u soo sheegnay, waxa la fadhiisiyey amma la xayiray koontooyinkii baananka ee shirkaddaas, taasi oo macnaheedu noqday in Somaalidii qurba-joogta ahayd aanay awodi Karin inay lacagayow u diraan qaraabadoodii iyo qoysaskoodii joogey Soomaaliya ee noloshoodu ku xidhnayd xawaladahaasi. Madaxweyne George W Bush waxa uu si weyn uga faa’iideystey adeegsiga siyaasadda hal-hayska ‘la-Dagaallanka Argagixisada’, markii bishii November ee 2001 uu ku dhawaaqay xidhitaankii al-Barakaat:
Xidhitaanka shabakadahan amma adeegyadani waxay keenayaan kala-dhantaalinta iyo joojinta hawlaha ururradan dilaaga ah. Tallaabadan maanta la qaaday waxay kala dhantaalaysaa isgaadhsiintii iyo taakulayntii al-Qaacida oo ay ka xannibayso hanti muhim ah oo ay heli jireen. Waxay inna siinaysaa xog iyo macluumaad muhim ah, waxayna farriin adag oo cad u diraysaa hey’adaha iyo sharikadaha lacagayowga ee adduunka; farriintaasi oo ah – in aad amma annaga nala jirtaan, amma la jirtaan argagixisada. Haddii ay noqoto in aad la jirtaan argagixisadana, waxad heli doontaan oo la idin marin doonaa abaalkiinna. Waxan la dagaallamaynnaa cadow ku dhuumanaya hogag ku yaal Afghanistan, iyo kuwo noo soo hoos gelaya mujtamacayaga amma dadweynahayaga. Waa cadow jiritaankiisu ku xidhan yahay oo qudha inay dhuumasho ku jiraan meel mugdi ah. Maanta waxan qaadnnay tallaabooyin kale oo muhim ah oo aan ku fashilinaynno cadowgaasi, bannaankana ku soo dhigaynno, kuna wiiqaynno awoddiisa uu khatar ku noqon karo Maraykanka iyo nolosha dadka aan denbiga lahayn.4
Muddo sannad ka yar ka dib, al-Barakaat waxa laga saaray liiskii argagixisada ee Maraykanka, markii la waayey xaqaa’iq amma caddaymo ku filan in loo cuskado inay marin u yihiin lacagayowga al-Qaacida. Laakiin tallaabadani waxay noqotay ciyi waa ka beryey oo waqtigii loo baahnaa la soo dhaafay. Maraykanku waxa uu fogeeyey oo uu dayriyey dad badan oo jooga Soomaaliya, isaga oo ka jaray amma joojiyey ilihii ay noloshoodu ku xidhnayd ee ay ku tiirsanayeen boqolaal kun oo ka tirsan dadweynuhu, iyo isaga oo is- raaciyey, una dhigay in xidhiidh dhow oo sokeeye ka dhexeeyo al-Itixaad, al-Barakaat, iyo dhinaca kale al-Qaacida. Xidhiidhinta ururradani lala xidhiidhiyey argagixisnnimada, Maraykanku waxa uu kaalin ka qaatay in haatan Soomaaliya si kale loo arko oo looga fikiro. Waxyaabaha ka dhaca dalkaasina waxa marba marka ka danbaysa laga dhex arkayey al-Qaacida iyo dagaallo Islaami ah. Taariikhdii ayaa dib loo qoray, waxana dib u qoray qaar ku dooday in al-Qaacida ay masuul ka ahayd oo ka danbaysey dilkii 18 askari oo ka tirsanaa milateriga Maraykanka ee magaalada Muqdishu sannadkii 1993. Dhacdooyinkii 9/11 iyo waxyaabihii ka dhashay ee ‘la-Dagaallanka Argagixisada’ waxay wax ka bedeleen oo ay qaabeeyeen siyaabihii Maraykanka iyo kuwa kaleba ay u arkayeen ee ay u waajahayeen Soomaaliya. Siyaabo bandanna, waxay noqotay meel lagu bilkeediyo amma tijaabiyo sida quwadaha adduunku ay wax uga qaban karaan ee ay uga hortegi karaan Islaamiyiinta xagjirka ah, gaar ahaanna joogitaankooda Afrika.
Istaraatijiyadii Hey’adda Nabad-Sugidda Qaranka ee Mraykanka ee 2002, ee xilliyadii maamulkii madaxweyne Bush, waxay muujinaysay wejiga cusub ee siyaasadda Maraykanka ee ku fool leh Afrika wixii ka danbeeyey dhacdadii 9/11; siyaasaddaasi oo xoogga saaraysay dedaallada la xidhiidha la-dagaallanka iyo ka- hortagga argagixisada: ‘Afrika, rajada iyo fursadaha
ka jiri kara waxa barbar yaal cudurro,, dagaallo, iyo saboolnnimo ba’an. Kuwani waxay khatar ku yihiin laba arrimood labadaba, kuwaasi oo kala ah qiyamka suubban ee Maraykanka ee ah in la daryeelo heybadda bani’aadamka, iyo dhinaca kale mudnaanta istaraatijiyada Maraykanka ee ah la-dagaallanka argagixisada caalamiga ah.’5 Afar sano ka bacdi, istaraatijiyadii Maraykanka waa la sii bara- dheeraysiiyey oo kor ayaa loo qaaday. Afrika waxa lagu asteeyey amma tilmaamay inay tahay mid leh ‘mudnaan sare’. Qoraalkii qorshaha istaraatijiyadeed ee Nabad-Sigidda Qaranka ee Maraykanka ee sanaddii 2006-dii, waxa ku yaalley: ‘Nabadgelyada iyo
badbaadadeennu waxay ku xidhan tahay in lagala shaqeeyo Afrikaanka, xoojinta dawladaha jilicdasan ee sii fashilmaya oo la dabaqabateeyo iyo meelaha aan lahayn maamul dawli ah oo loo sameeyo hab iyo nidaam diimoqoraadi ah oo shaqeeya.’6
Soo-ifbixitaankii awodda Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah (UIC), waxay ka dhignayd oo calaamad ay u ahayd isbedel kale oo ku yimaad siyaasaddii debadda ee ku waajahnayd Soomaaliya. Maraykanka iyo kuwa kaleba waxay u muuqdeen inay ku adkaatay inay fahmaan asalka maxkamadahaasi oo ku bilaabmay isbahaysi debecsan amma heer hoose ah oo ay samaysteen maxkamadihii shareecada oo ka dhashay gudaha. Maraykanku waxay u arkeen oo qudha khatar ku xidhan al-Qaacida.
Ururradii gudaha iyo dawladihii debadda ee ka soo horjeedey maxkamadahaasi UIC, gaar ahaann qabqablayaashii dagaalka ee Soomaalida iyo Ethiopia, waxay u isticmaaleen oo ay uga faa’iideysteen walaacaasi uu maraykanku ka qabey dhaqdhaqaqaasi maxkamadaha, sidii iyaga maslaxaddoodu ay ku jirtey. Qabqablayaashii dagaalka oo cabsi weyn ka qaaday awodda iyo sumcadda sii ballaadhanaysa ee maxkamaduhu, waxay sii huriyeen cabsidii Maraykanka ee ku saabsanayd khataraha Islaamiyiinta Soomaaliya ka iman kara oo sii kordhaya, iyaga oo u dhigaya in maxkamadaha Islaamiga ah ee UIC ay yihiin qaar soo saara oo lagu abuuro xagjirnnimada, iyo meel ay dhici karto inay iskugu tagaan oo ay ku ololaystaan kuwa jihad-doonka ahi. Maraykanku waxay qaateen fikraddaasi, waxayna taageereen abuuritaankii ay qabqablayaasha dagaalku samaysteen Isbahaysigii la- Dagaallanka Argagixisada iyo Dib-u-soo-celinta Nabadda. Isticmaalka ereyada ‘nabadda’ iyo ‘la- dagaallanka argagixisada’ ee magaca Isbahaysigaasi, waxay ahaayeen qaar xeelad iyo ujeeddooyin aan daacad ahayn ay ka wateen qabqablayaasha dagaalku, sida muuqatana ay ugu talo galeen inay ku helaan taageerada Maraykanka. Qabqablayaasha wax u darnaa iyaga oo ay si weyn u danaynayey inay dib u soo ceshadaan awoddii xukunka ee Maxkamadihii UIC ay la wareegeen, taasi ayaana runtii kala weyneyd la- dagaallanka ‘argagixiso’ amma dib-u-soo-celinta nabadda.
Si ahaan, waxa loo qaadan karaa in Maraykanka iyo dalalka ay isbahaysiga leeyihiin ay hore u go’aamiyeen in Soomaaliya ay tahay aag cusub oo al-
Qaacida ay ku jirto, dhawr sano ka hor xataa intii aanay taasi dhaboobin. Aragtidani waxa laga yaabay inay kaalin ka qaadatay soo-ifbixitaanka dhaqdhaqaaq islaami ah oo xagjir ah oo ka hanaqaada Soomaaliya. Aragtida loo arkay iyo la-dhaqanka loola dhaqmay Soomaalida sidii waxay yihiin argagixiso oo kale, waxa laga yaaba in taasi lafteedu ay gayeysiisay oo ay ku kalliftay in dadka qaar ee dalkaasi ay noqdaan xagjir. In Soomaaliya lagu shaabadeeyo magacaasi oo lala xidhiidhiyo argagixisadana, waxa laga yaabay in taasi lafteedu ay si dadban ugu noqotay xayeysiis iyo iidheh soo jiidata, kuna baraarujisa oo ay ku soo hirtaan dagaalyahannada jihad-doonka ah ee ajanabiga ah, ee doonaya inay hawlgalladooda ku faafiyaan adduunka, kuna yeeshaan lug iyo galaangal gobollada Afrika ee ka hooseeya Saxaaraha. Sida uu qoray caalimka culuunta Anthrooboolojiyada, Markus Virgil Hoehne, sananddii 2009, baadhitaan la sameeyey waxa ka soo baxay in laga yaabo in Maraykanku uu ku khaldanaa in uu ku degdego in Soomaaliya lagu tilmaamo amma laga dhigo meel soo dhaweysa oo ay ku gabbadaan argagixisada Islaamiyiinta ahi:
Iyadoo ka geddisan aragtidii laga qaatay iyo sida loo haysto Soomaaliya oo ah ‘meel madow oo khatar ah’ oo aan maamul iyo nidaam ka jirin, sida ay ku dhawaaqeen ee ay ku doodeen siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada qaar, Barnaamijka Harmony ee Xarunta xog-baadhka la-Dagaallanka Argagixisada ee West Point (Akademiyada Sare ee Milateriga Maraykanka ee gobolka New York), waxa barnaamijkaasi uu dhawaan muujiyey in maqnaanshaha amma jiritaan la’aanta dawladeed ee Soomaaliya aanay ka dhignayn in si toos ah dalkaasi u noqday meel ay ku beeranto argagixisnnimada al- Qaacida. Xog-baadhayaashii warbixintaasi, oo ka duulayey warbixinno xagga mukhaabaraadka aha oo sir ahaa oo markan la ogolaaday in la akhristo amma la faafiyo, oo la xidhiidhey hawlgalladii al-Qaacida ee Geeska Afrika ee sannadihii 1990- yadii, waxay ku soo gabagabeeyeen in hawlgallada Islaamiyiintii ajanebiga ahaa ay kala kulmeen Soomaaliya dhibaatooyin la mid ah kuwii ka hor yimid hawlgalladii Qaramada Midoobey iyo faragelintii Maraykanka ee milateri iyo gargaarka banii’aadminnimo ee Soomaaliya, sanadihii u dhexeeyey (1992 – 1995): Dhinac ahaan waxa shaki iyo aammin-darro ku keenay inay yihiin ‘ajanebi’ wata dariiqooyin iyo mad-habo Islaami ah laakiin loo arko wax bidci ah oo aan caan ka ahayn amma aan laga aqoon Soomaaliya. Waxa kale oo dhibaato ku noqday nidaamka isbahaysiga beelaha iyo qabaa’ilka ee mar kasta isbedelaya, kaabayaasha iyo adeegyada dalka ee jilicdasan amma burbursan, badbaado la’aanta, iyo iyaga oo khatar ugu sugnaa faragelin debadeed, maadaama aanay jirin dawlad ilaalinaysa qarannimada dalkaasi iyo in aan la soo faragelin. Waxa kale oo ay halis ugu jireen in la sheego oo ashkhaas hoose oo denbiilayaal ah amma Soomaalida kaleba ay ‘lacag kaga qaataan’ cadowga (Maraykanka).7
Soo-gelitaankii Itoobiya (The Ethiopian Invasion)
Isaga oo ka digtoon in mar kale la sameeyo faragelin burbur ka yimaaddo sidii tii horraantii 1990-yadii oo kale, Maraykanku waxa uu ka foojignaa in uu isagu qaado tallaabo weyn oo milateri oo toos ah oo uu ka qaado waxa loo arkayey khatarta al-Qaacida ee ka soo socota Soomaaliya. Waxase uu helay saaxiib kale oo u qummin kara danihiisa oo ah Ethiopia oo uu ka dhigay dal muhim ah oo qayb ka ah iskaashiga ‘la-Dagaallanka Argagixisada’, Ethiopia oo iyada lafteedu lid ku ahayd oo ka horjeeddey Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah. In kasta oo Ethiopia iyada lafteedu ay diyaar u ahayd iskaashigaasi, haddana waxay ahayd tan gaar ahaan ugu liidata ee la doorbidi karo amma ku bannaanaan karta ka qaybgalka iskaashigaasi, sababta oo ah cadaawadda taariikhda dheer ee ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Ethiopia, oo faragelin kasta oo Ethiopia ay ku jirto ay dadweynaha Somalida intooda badani u arkayaan arrin xassaasi ah oo daandaansi weyn ah.
Iyadoo haysata taageerada Maraykanka, Ethiopia waxay si buuxda weerar ugu qaadday oo ay gashay Soomaaliya bishii December 2006, waxayna halkaas u dirtay oo galay ciidamo gaadhaya 14,000, waxayna duqayn xagga cirka ah ku qaadday goobo istaraatiji ah oo ku dhex yaalley magaalada Muqdishu. Isla markaasi, Maraykanku waxa uu isna xagga cirka ka garaacay dhawr jeer oo uu bartilmaameedsaday dad lagu tuhunsanaa inay yihiin saraakiil sarsare oo ka tirsan al-Qaacida iyo Islaamiyiinta kale oo uu sheegay inay ku dhuumanayaan Soomaaliya. Weerarradaas intooda badani ma asiibin oo la lama helin bartilmaameedyadii ay beegsanayeen, haddii ay xilligaasi kuba sugnaayeen dadkaasi la raacdaysanyey gudaha Soomaaliya. Waxase ku dhintay dad rayid ah oo ay ka mid yiihin reer-guuraa iyo xoolahoodii. Hawlgalladani waxay sii didiyeen oo ay sii fogeeyeen dadweynihii, waxana laga yaabaa inay qaar kale oo ka mid ah Soomaalidii ay ku sii riixeen amma ku kallifeen inay ku biiraan kooxihii xagjirka ahaa ee diinta ee dagaallamayey.
Kaaliyihii xoghayaha arrimaha debadda ee Maraykanka ee waqtigaas, Jendayi Frazer, ayaa gacan weyn ka geysatay qaabaynta iyo meelmarinta siyaasaddan, waxayna siyaasaddani ka mid noqotay dedaalladii ugu waaweynaa ee lagu hungoobay ee ku aaddana Soomaaliya, dhibaatada ugu weynina ka timid sanadihii la soo dhaafay ee u danbeeyey. Jendayi Frazer waxay sheegtay in Maxkamidihii Islaamiga ahaa (UIC) ay aad ugu xidhnaayeen Islaamiyiinta xagjirka ah, iyada oo ku eedaysay in al-Qaacida ay fogeysey oo ay meesha ka saartay xubnihii qunyar-socodka ahaa ee ururkii Maxkamadaha, isla markaasina ay al-Qaacida qabsatay oo ay la wareegtey hoggaankii dhaqdhaqaqaasi. Waxay sheegtay in Maxkamaduhu ay dhaqaale ka helaan Eritrea, Yemen, Masar, iyo Saudi Arabia. Waxayna ku eedaysay Eritrea inay jebisay qaraarkii cunaqabataynta caalamiga ah ee hubka ee lagu soo rogey Soomaaliya, iyadoo hub u dirtay Maxkamadihii Islaamiga ahaa (UIC). Mararka qaar waxay u muuqatey inay isku deyeyso in ay iyadu maamusho xaaladaha Soomaaliya oo ay si sii hoosaysa oo ku-talax-tag ah ay faraha ula dhex gelayso. Waxay si joogto ah uga hadlaysey wax kasta, waxayna ugu baaqi jirtey xubnaha qunyar-socodka ah ee ururku inay ku soo biiraan wadahadallada dib-u-heshiisiinta oo ay iska fogeeyaan kuwa ay ku tilmaami jirtey xagjirka.
Jendayi Frazer waxay noqotay qofka u taagan ee matila siyaasadda reer-Galbeedka ee ku aaddan Soomaaliya, taasina waxay keentay in hoggaamiyayaasha Islaamiyiintu ay weerar xagga afka ah ku qaadaan iyada. Sannaddii 2009, waxa Internetka la soo geliyey farriin amma cajalad cod ah oo la sheegay inay ka timid Osama bin Laden. Cajaladdaasi, waxa uu ku baaqayey in la rido madaxweynihii cusbaa ee markaas la doortay, Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, oo uu ku tilmaamay aalad uu maraykanku ku adeeganayo. Bin Laden waxa uu sheegay in doorashada Sheikh Sharif ay ka danbaysay waxa uu ku tilmaamay ‘olole iyo talooyin’ ka yimid ‘haweeneydaas Maraykanka ah’.
Gelitaankii Ethioipia waxa uu ku guuleystay in uu awoddi xukunka ka tuuro Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah (UIC), laakiin halkii uu ka tirtiri lahaa xagjirnnimada Islaamiga ah, waxa uu horseeday inay abuurmaan oo ay soo baxaan kooxo kale oo ka sii fog, kana xagjirsan Midowgii Maxkamadaha. Kooxahaasi, kan ugu weyni waxa uu noqday garabkii miliishiyada maxkamadaha ee al-Shabaab ee uu hoggaaminayey Adan
Xaashi Ceyro oo lagu soo tababaray dalka Afghanistan. Halkii ay miliishiyadaasi iyaguna u carari lahaayeen dalka Eritrea, oo ay u baxsadeen xubno badan oo ka tirsanaa Midowgii Maxkamaduhu, waxay ku dhex milmeen oo ay ku kala dhex dhuunteen kaymaha ku yaal agagaarka xadka Kenya oo ay ku baaheen, halkaasi ayayna dib isaga soo abaabuleen iyaga oo ah xoog soo qaadi kara dagaallo ba’an. Al-shabaab, aakhirkii waxay qabsadeen gobolladii koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya intoodii badnayd, oo ay ku jiraan qaybo badan oo ka tirsan magaalada Muqdishu.
Waxa la barbar dhigi karaa Jabhaddii Islaamiga ahayd ee Badbaadinta ee Algeria (FIS)ee milaterigu iska hortaagey inay xukunka la wareegaan ka dib doorashooyinkii 1991-kii. Hawlgalladii ku saabsanaa in la tirtiro oo meesha laga saaro jabhaddaasi FIS, waxa ka dhalatay dhibaato weyn oo waxyeello hor leh la timid. Halkii laga filayey inay baaba’do, waxay isku bedeshey abaabul ka sii xagjirsan sidii hore. Waxa xigey toban sano oo ay socdeen dagaallo islaami ahi, kuwaasi oo lagu diley tobannaan kun oo qof, kuwaasi oo qaar badan oo ka mid ahaa la gawrcay. Arrimahani waxay keeneen in markii danbe ay soo baxdo oo ay abuuranto qaybta al-Qaacida ee dalalka Afrikada Waqooyi, ee loo yaqaan al-Qaacidada Gobolka Islaamiga ah ee Maghreb.
Gelitaankii Ethiopia iyo dagaalladii ka dhashay ee magaalada Muqdishu, waxay keeneen mid ka mid ah dhibaatooyinkii banii’aadminnimo ee ugu xumaa ee abid soo mara Soomaaliya. Intii u dhaxaysey sannadihii 2007 – 2008, qiyaasti saddex-meelood labo ahaan dadweynihii magaaladu waxay noqdeen kuwa barabaxa oo ka qaxa halkaasi, in badanina waxay u yaaceen oo tegeen xerooyin xaaladdoodu ay aad u liidato oo ku yaal agagaarka amma duleedka magaalada Muqdishu, halkaasi oo mar kasta khataro waaweyni ka jireen sidii taakulayn gargaar loo gaadhsiin. Qaar kalena waxay u yaaceen oo ay ku biireen xeryaha qaxootiga awalba buux-dhaafka ahaa ee dalalka Kenya, Djibouti,Yemen, Somaliland iyo Puntland. Qaybo dhan oo ka tirsan magaalada Muqdisho waxay noqdeen qaar gebi ahaanba haawanaya oo dadkii rayidka ahaa iskaga wada baxay, waxayna qaybahaasi noqdeen meelo magaalada dhexdeeda ah ay ku dagaallamaan ciidamada Ethiopia, kuwa dawladda ku-meelgaadhka ah, miliishiyooyinka beelaha, iyo dagaalyahannada Islaamiyiinta ahi. Warqad warbixin ah oo loo diyaariyey sanadkii 2010 Machadka Daraasooyinka Siyaasadda Debadda ee xaruntiisu tahay dalka Maraykanka, ayaa qoraaga warbixintaasi, Bronwyn Bruton, waxa uu kaga hadlayaa sida gelintaankii Ethiopia uu u horseeday hawlgalladii Islaamiyiinta oo si dhakhso ah kor ugu kaca:
Joogitaankii TFG (Dawladda ku-Meel-gaadhka ah ee Federaalka) iyo gaar ahaan ciidamada Ethiopia waxay mar qudha dhaliyeen kacdoon kooxo xoog leh oo ka hawlgala magaalada Muqdishu. Maliishiyooyinkii al-Shabaab waxay heleen taageero ballaadhan oo dadweyne, iyagoo noqday dhaqdhaqaaq wax-iska-caabbin ah. Dagaalyahannada jihad-doonka ah ee ajanebiga ah, oo al-Qaacida ay ku jirto, waxay markiiba dareemeen in halkaas ay ku jirto fursad aan hore u soo marin oo ay ka faa’iidaysan karaan, kagana dhigi karaan dagaallada Soomaaliya kuwa caalami ah, waxayna si dhakhso ah taageero ula soo gaadheen al-Shabaab. Daraasiin ka kooban ajanebi jihad-doon ah ayaa soo galay Soomaaliya, oo soo waaridey amma la yimid xeeladihii dagaalka ee al-Qaacida. Waxa joogto noqday qaraxyada meelaha fogfog laga dhiraandhirriyo amma laga daaro, iyo kuwa is- miidaaminta ee is-qarxinta, ilaa labadii sano ee ku xigeyna, al-Shabaab waxay qabsadeen guud ahaan Koonfurta Soomaaliya badankeedii.8
Hawlgalkii oo Dhibaato ka timid (The mission backfires)
Waxa lagu doodi karaan inay ka roonaan lahayd haddii quwadaha ajanebigu ay la shaqayn lahaayeen Midowgii Maxkamadaha, halka ay ku dedaaleen inay meesha ka saaraan oo ay burburiyaan. Waayo, si kastaba ha ahaatee maxkamaduhu waxay suurtogeliyeen in dadweynuhu helo xassillooni iyo deganaansho ilaa heer ah iyo nidaam, muddadii koobnayd ee lixda bilood ahayd ee ay xukunka hayeen. Maxkamadaha waxa ku jirey xubno qunyar-socod ah iyo kuwa xagjir ah labadaba. Sinaba umay ahayn arrin la hubo in cabsida Maraykanku uu ka qabey Midowgii Maxkamadaha inay noqon lahayd wax aakhirka dhabowda oo soo baxda, haddii la baxnaani lahaa oo la sii ogolaan lahaa in Maxkamadahaasi ay sii jiraan oo ay xukunka sii hayaan, siina xoogeystaan. Sida uu qabo Professor Abdi Samatar oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed, Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahaa (UIC) ‘waxay ahaayeen qaar diyaar u ah, doonayana inay la shaqeeyaan dawladda Maraykanka’9, laakiin taasi umay suurtoobin waayo waxa carqalad ku noqotay mawqifkii Jendayi Frazer iyo saraakiisha kale ee Maraykanka oo il colaadeed ku eegayey Maxkamadahaasi.
Waa wax aan la filayn in Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, oo isagu ahaa hoggaamiyihii hore ee Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah, in loo doortay 2009-kii madaxweynaha dawladdii ku-meel-gaadhka ahayd ee Soomaaliya ee caalamku taageerayey. Haddii haddaba mujtamaca caalamku ay diyaar u noqdeen inay la shaqeeyaan haatan isla Sheikh Sharif-kii oo weji cusub loo yeelay, loona dhiibay mansabkan cusub, waxa la isweydiin karaa sababta aan loo rabin in lala shaqeeyo markii uu hoggaaminayey Midowgii Maxkamadaha? Suurtogal ma noqon lahayd in Maxkamadihii Islaamiga ahaa inay raaci lahaayeen oo ay qaadan lahaayeen mawqif qunyar-socod ah oo dhexe haddii ay heli lahaayeen kalsoonida taageerada Qaramada Midoobey, Dawladda Maraykanka iyo quwadaha kale? Laakiin Sheikh Sharif Sheikh Ahmed waxa markan loo arkay in uu khayaameeyey qaddiyaddii oo la gatay, waxana xukunkiisii ku gacansaydhay Soomaali badan oo u arkay nin uun reer-Galbeedku wato oo uu ku adeeganayo.
Sida uu ku doodayo Bronwyn Bruton, waxa adag in la garowsado sababaha caalamku u sii wadey in uu siiyo aqoonsi caalami ah maamulladii ku-meel-gaadhka ahaa ee is-xigxigey, ee loogu aqoonsaday inay yihiin xukuumadaha sharciga ah ee Soomaaliya:
Siyaasadda hadda ee la siinayo dawladda ku-meel- gaadhka ah ee federaalka ah (TFG) taageeri milateri iyo mid diblomaasiyadeed, ma aha mid midho dhal ah. Haddana siyaasaddani waa hawl adag oo ku kacaysa qiime sare iyo kharash badan. Hawgallada milateri ee taagnaa ilaa bishii May 2009, hase ahaatee aan wax horumar ah laga samayn, waxay keeneen inay ka barakiciyaan magaalada Muqdishu dadweyne ka badan laba boqol oo kun – tanina waxay sii daba dheeraysay dhibaatooyin soo noqnoqonayey oo dadweyne iyo xagjirnnimo sii korodha. Waxa kale oo ay sii kordhisay culayskii iyo dhibaatooyinkii foosha xumaa ee argagaxa lahaa ee qaxootiga xadka Kenya. Hawlahani waxay noqdeen qaar ay ka imanayaan dhibaatooyin waaweyn oo ku kacaya qiime sare oo aan u qalmin in loo galo daafacaadda iyo badbaadinta dawlad ay yar tahay taageerada ay ku haysato gudaha, oo aan maamulin dalka, oo in kasta oo caalamku uu la dedaalay shantii sano ee u danbaysay, aan haddana ka samayn wax horumar ah xagga dhismaha hey’ado wax-ku-ool ah iyo awod milateri, si ay dalka u xukunto. Haddii aan la helin awod siyaasadeed oo gudaha ah oo wax-ku-ool ah oo badhi-taageerta, hawlgallada nabad- ilaalineed ee hadda ka jira halkaasi waxa laga yaaba inay ku danbeeyaan qaar aan midho dhalin oo aan wax-ku-ool noqon, sidii hawlgalladii hore ee gelitaankii ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya, waxana dhici karta in aakhirka ay ku danbayso in ciidamadan imiku ay uga baxaan halkaasi si foolxun oo la mid ah sidii kuwii hore.10
Warbixin Guddiga la-Socodka Arrimaha Somalaia uu u diyaariyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey sannadkii 2010, ayaa ahayd mid si weyn u duraysay oo u dhaliilaysey gaar ahaan hey’adaha iyo ciidamada nabadgelyada ee dawladda ku-meel-gaadhka ah: ‘In
kasta oo la siinayey tababarro debadeed iyo kaalmo, haddana ciidamada nabadgelyada ee dawladdu waxay yihiin qaar aan wax ku fillayn oo aan ahayn hawl- qabad, oo aan habaysanayn oo kala daadsan, oo ku dhaqma musuqmaasuq – ciidamadaas oo isugu jira miliishiyooyin madaxbannaan oo kala taabacsan saraakiisha sare ee dawladda, iyo saraakiil milateri oo faa’iido ku qaba dagaallada, kana dhega-adayga in la mideeyo ciidamada oo loo sameeyo hoggaan amma talis meel qudha ah.’11
Qaar ka mid ah dhibaatooyinka soo waajaha ciidamada dawladda Soomaalida, waxay ka muuqatay oo lagu soo qaaday dhambaal taar ah oo diblomaasiyiin Maraykan ahi ay direen 2009-kii, dhambaalkaas oo ay heshay wakaaladda wararka qarsoodiga ah ee Wikileaks, kuna faafisay bogagga Internetka ee website-keeda. Dhambaalku waxay uu ka hadlayaa ‘kulan kooban oo ka dhacay garoon diyaaradeed oo ku yaal magaalada Nairobi’, oo dhexmaray diblomaasi Maraykan ah iyo ra’iisal-wasaarihii hore ee Soomaaliya, Omar Abdirashid Ali Sharmarke.12 Arrinta weyn ee lagaga wada hadlay kulankaasi waxay ku saabsanayd baahida loo qabo qalabka raadiyayaasha isgaadhsiinta ee lagu wada hadlo. Mudane Sharmarke waxa uu u faahfaahinayaa diblomaasigaasi, dhibaatada ka timid la’aanta amma yaraanta qalabkaasi milateri ee baahida weyn loo qabey, oo keentay in lagu fashilmo weerar rogaal- celin ahaa oo weynaa oo ciidamada dawladda iyo kuwa nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ee jooga Muqdishu ay ku qaadi lahaayeen al-Shabaab. Waxa qudha ee ciidamadu ay ku wada xidhiidhi karayeen waxa uu ahaa telifoonnada moobiilka, taasi oo keentay is-fahmid la’aan weyn oo khatar ah. Ciidamadii Ururka Midowga Afrika waxa la soo gudboonaatay inay sameeyaan dib-u- gurasho degdeg ah, waayo waxay heleen xog iyo warar aan sugnayn oo jahawareersan, iyaga oo khalad fahmay, una qaatay in la go’doomiyey oo ciidamadii mucaaradka ee ka soo horjeeday ay ku xeeran yihiin. Dhambaalku waxa uu ka hadlayaa sida mudane Shramaarke uu u baryayo amma u tuugayo diblomaasigaasi ee uu uga doonayo qalabkaasi haloo-halooda iyo kuwa kale ee isgaadhsiinta milateri ee goobaha dagaalka.
In muddo ah, dawladda Soomaaliya ma awodin in ay xataa ka hawlgasho magaalada Muqdishu dhexdeeda, sababta oo ah nabadgelyo-darrada halkaas ka jirta iyo colaadda ay u hayaan dadweynaha magaaladu. Markii ay dawladdaasi ka soo guurtay magaalada Baydhaba ee ay ku soo noqotay caasimadda, jiritaankeedu waxa uu ku tiirsanaa markii hore ciidammadii Ethiopia, intii danbana joogitaanka ciidamada nabad-ilaalinta ee Uganda iyo Burundi. Mudanayaasha baarlamaanka iyo saraakiisha kale ee dawladdu, waqtigooda inta badan waxay ku qaataan oo ay ku nool yihiin hudheello ku kala yaal Kenya iyo meelo kale, sababta oo ah magaalada Muqdishu oo ah meel ay weli ka taagan yihiin dhibaatooyin iyo xaalado colaadeed. Wasiirkii hore ee dawladda Ingiriiska u qaabilsanaa arrimaha Afrika, Chris Mullin, waxa uu ku qoray buuggiisii xusuusqorka, shir uu sannadkii 2004 kula yeeshay magaalada Nairobi madaxweynihii dawladdii ku-meel-
gaadhka ahayd ee Soomaaliya, Abdullahi Yusuf: ‘Qodobka
ugu horreeya hawlo badan oo qorshaha maanta iigu jirey: booqasho gaaban oo aan ugu tegey Abdullahi Yusuf, “madaxweynaha” cusub ee Soomaaliya. Dabcan hadda ma aha nin waxaas oo kale (madaxweyne) ah amma lagu tilmaami karo. Waa nin uun ku jira huteel ku yaal Nairobi. Ka bacdi, huteel kale, waxan kula hadlay “baarlamaanka” cusub ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin qaar ka tirsan dadkii laftoodu ka dhigay ee geyeysiiyey Soomaaliya inay noqoto meel burbur ah.’13
Nin hore u ahaan jirey wasiirka arrimaha debadda ee Soomaaliya, Ismail Mohamed Hurre Buubaa, marka aan kula kulmay qolka uu kaga jiro Huteelka Andalus ee magaalada Nairobi, waxa uu iiga sheekeeyeyn nolosha siyaasiyiinta Soomaalida ee ku sugan debadda oo si ahaan u muuqda inay ku jiraan mustaafuris debadeed:
Nairobi si kastaba waxay u tahay xarunta dhexe ee ay isugu yimaaddaan Soomaalidu. Qof kasta oo doonaya in uu la socdo waxyaabaha ka dhacaya Soomaaliya waa in uu joogaa amma Soomaaliya dhexdeeda amma Nairobi, gaar ahaanna meesha ugu fiican oo ah huteelkan, waayo maalin kasta waxaad ka helaysaa oo ku soo dega qof ka yimid Soomaaliya oo sida dhammaan wararkii ugu danbeeyey.
Siyaabaha qaar, huteelkani waxan u arkaa inuu yahay hoygeygii. Marka aad ku jirto hudheel kani oo kale ah, hudheel Soomaaliyeed oo dadka deggan ugu yaraan boqolkiiba sagaashan ay Soomaali yihiin, maba dareemaysid in aad sidaa uga ka fog tahay dalkaagii. Waxyaabaha annu huteelkan dhexdiisa kaga sheekaysannaa waa kuwii aannu kaga sheekaysan jirney maqaaxiyada muqdisho dhexdooda. Hubaal ahaan waxan dareemaa sidii waxan dalkii joogo oo kale; waxan ku noolaa sidan muddo toban sano ku dhawdhaw oo aan ku jirey huteelada Kenya. Siyaabaha qaar, aad ayaan uga xumahay, aniga iyo siyaasiyiinta kale ee Soomaaliyeed ee ku nool halkan Kenya intuba. Waxan moodnaa in aan dalkii joogno, laakiin ma joogno. Wararka ka yimaadda Soomaaliya waa qaar inaba dhiillo ah, sidaa awgeedna mar kasta waa na dhibaan oo waxay nagu hayaan walaac xanuun leh.
Xaqiiqada ah in waxa qudha ee suurogeliyey in dawladda ku-meel-gaadhka ahi ay ku soo noqoto magaalada Muqdishu, in ay ahayd faragelintii milateri ee Ethiopia ee Maraykanku uu ka danbeeyey, ayaa waxay keentay in Soomaali badani ay u arkaan dawladdu inay tahay mid laga keenay debadda oo aan lahayn sharciyad amma aan haysan ogolaanshaha dadweynaha. Dawladda ku- meel-gaadhka ah ee federaalka ah waxa loo yaqaan oo loogu yeedhaa daba dhilif, taasi oo ah naanays aad u liidata, loogana jeedo inay tahay ‘dawlad loo samaystay inay fuliso dano iyo ujeeddooyin ajanebi’ amma lagu adeegsado. Maraykanka, Qaramada Midoobey iyo dawladaha iyo ururrada kaleba waxay ku guuldarraysteen inay fahmaan taas, in si dawladdu ay u hesho aqbalaadda sharcinnimo ee dadweynaha Soomaalida, inay tahay in aan lala xidhiidhin oo aan loo arag mid ajanebi ka danbeeyo oo uu wato.
Hubka Maraykanku uu siinayey Dawladda Soomaaliya, sida kuwii bilihii May iyo June ee 2009 oo kale oo la siiyey 94 tan oo hub iyo rasaas ah14 – iyo tababarradii khubarada ajanebigu ay u samaynayeen ciidamada dawladda ku-meel-gaadhka ah, arrimahani waxay siiyeen qiil iyo sababo xoogagga ka soo horjeeda dawladda dhexe ee dalkaas, waxayna heleen sababo ay ugu tilmaami karaan dawladdaasi inay tahay mid daba-dhilif ah oo ajanebi wato, jiritaankeeduna ku xidhan yahay taageerada iyo ilaalada ay ka hesho xoogag debadeed oo qudha.
Waxa jirey khilaaf u dhaxeeyey dawladda Maraykanka dhexdeeda oo ku saabsan sida ugu habboon ee wax looga qaban karo dhibaatada Soomaaliya. Qaarkood, sida Johnnie Carson oo ah mas’uulka ugu sarreeya ee xafiiska arrimaha debadda u qaabilsan Afrika, waxa uu u muuqdaa inuu aad uga foojigan yahay oo uu iska ilaalinayo in wax ciidamo ah oo Maraykan ah si toos ah loo geeyo dhulka Soomaaliya dhexdiisa, isaga oo ka cabsi qaba in taasi ay keeni doonto taageero dheeri ah oo ay helaan kooxaha al-Shabaab iyo kooxaha kale ee ka soo horjeeda reer-Galbeedka. Sidatan ayaanu Johnnie Carson u dhigay badheedhihiisa, ‘ma doonaynno wax ah raad milateri amma ciidammo ah oo aannu geynno gudaha’ Soomaaliya.
Hasse ahaatee milateriga Maraykanka iyo hey’adaha mukhaabaraadkuba waxay kordhiyeen hawlgalladoodii ay ka wadeen Soomaaliya gudaheeda, oo mararka qaar si aan toos ahayn ay uga fulinayaan halkaasi. Sannadkii 2011, maamulka Pentagon ee gaashaandhigga Maraykanku waxay ogolaadeen in hub qiimihiisu gaadhayo $45 milyan oo doollar in loo raro ciidamada nabad- ilaalinta ee Midowga Afrika ee jooga Muqdishu. Bishii August ee 2011, jariidadda New York Times waxay qortay in askar hore uga tirsanaan jirtey ciidamada dalalka Faransiiska, Koonfur Afrika iyo dalalka Scandinavian-ka, oo u shaqeeya haatan sharikad gaar ah oo deggan Maraykanka oo qaabilsan xagga nabadgelyada, lana yidhaa magaceega Bancroft Global Development, inay askartaasi ka hawgalaan xero aad loo adkeeyey loona ilaaliyo oo ku taal magaalada Muqdishu, halkaasina ay ciidamada Afrikaanka ah ku siiyaan tababarro ku saabsan xeeladaha dagaalka dhuumaalaysiga ee magaalooyinka dhexdooda. Jariidaddu waxa kale oo ay sheegtay in hey’adda mukhaabaraadka Maraykanka ee CIA ay ku lug leedahay xarun weyn oo saldhig ah oo laga sameeyey garoonka diyaaradaha ee Muqdishu dhexdiisa, dhismahaasi oo Soomaalidu u taqaan ‘Pink House’ amma ‘Sarta Cas’, taasi oo loola jeedo midabka dhismayaashaa, amma haddii si sahal ah loo dhigo,’Guantanamo’. Jariidadda New York Times waxa kale oo ay sheegtay in saraakiisha CIA ay si wadajir ah u fulinayeen oo ay gacan ka geysteen maraanmarka iyo baadhitaanka dadka lagu tuhunsan yahay argagixisada ee ku xidhan xabsi ku yaal Soomaaliya, iyo inay si qarsoodi ah u tababaraan hawl- wadeennada mukhaabaraadka iyo nabad-sugidda:
Iyaga oo ka duwan ciidamada caadiga ah ee dawladda, ciidamadan sida gaarka ah u tababaran ee kamaandoosta Soomaaliyeed ee CIA-du tababartay waxay ku qalabaysan yihiin hub cusub, qalabka iyo funaanadaha aan xabbaddu Karin ee la xidho, muraayado madow iyo dahaadhka amma koofiyadaha madaxa la gashado ee wejiga qariya, si aan loo aqoonsan. Ciidamadani waxay ka mid yihiin hey’adda nabad-sugidda Soomaaliya – waana hey’ad qaabilsan xagga mukhaabaraadka oo inta badan CIA- du ay maalgeliso – waxayna hoos timaad dawladda ku-meel-gaadhka ah ee federaalka ah. Hase ahaatee dad badan oo jooga Muqdishu ayaa rumaysan in hey’addan nabad-sugidda Soomaaliyeed ay samaysanayso awod ka madaxbannaan dawladdan taagta daran.15
Waxa lagu doodaa in horumarka xeeladaha dagaalka ee ciidamada Ururka Midowga Afrika iyo kuwa Soomaalida ee keenay in dagaalyahanno badan oo ka tirsan al- Shabaab laga saaro oo ay ka baxaan magaalada Muqdishu sannadkii 2011, in horumarkaasi uu ka yimid inta badan kaalmada tooska ah iyo midda dadban ee Maraykanka. Ma kala cadda in jabhaddaasi Islaamiyiinta ah si kama-danbays ah loo wiiqay, iyo inay galeen uun marxalad iyo xeelado kale oo argagixisnnimo oo ah ku-dhifo-oo-ka-dhaqaaq. Marka la eego taariikhdii hore ee faragelinta Marykanka ee Soomaaliya iyo waxyaabihii ka dhashay oo lagu tilmaamo ‘xabaasha hawlgallada Maraykanka’, waxa halkaas laga dhadhansan karaa in taasi macnaheedu uu yahay in la qaatey oo ay roon tahay in faragelintu ay noqoto mid aan sidaa u muuqan oo aan toos ahayn. Wax kasta oo laga dhex arko ‘Maraykan’ in uu ka danbeeya, waxay u noqonaysaa kooxaha Islaamiyiinta ah dacaayad weyn oo ay ka faa’iideystaan, waxayna keenaysaa colaad ka timaad Soomaali badan oo kale.
In kasta oo dawladda Maraykanku ay ku adkaysanayso in aanay filayn oo ay ku noqotay arrin ku-soo-booddo ah gelitaankii Kenya ay ku gashay Soomaaliya bishii Oktoobar ee 2011, haddana Maraykanku waxa uu Kenya la wadaagaa danta ah in la jebiya al-Shabaab, waxanu muddo dheer la lahaa Kenya is-bahaysi xagga nabadgelyada ah. Kordhintii la kordhiyey adeegsiga weerarrada diyaaradaha loo yaqaan Drones ee Maraykanka isla waqtigii milateriga Kenya uu ku dhaqaaqay hawlgalkani, dad badan oo Soomaaliya joogaa waxay u arkeen oo u macnaysteen in weerarkani Kenya uu yahay mashruuc amma qorshe uu Maraykanku ka danbeeyo. Meelo dhawr ah oo ka tirsan Soomaaliya, gaar ahaanna meelaha lagu diley dad rayid ah oo ku dhintay weerarada ciidamada ‘soo-galootiga’ ah, waxay dhalisay nacayb dheeraad ah oo loo qaado Maraykanka iyo dhinaca kale u-garaabis iyo taageero loo hayo al- Shabaab. Gelitaankii Kenya waxa kale oo uu si weyn u qasay oo kala gooyey hawlihii gargaarka banii’aadminnimo, xilli ay macaluuli taagnayd.
Dadka danaynaya in Soomaaliya ay ka hirgasho dib-u-dhis qaran iyo xaaladaha nabagelyo oo hagaaga, waxa laga yaabaa in waxa ugu habbooni ay tahay inay dersaan oo wax ka kasbadaan waayo-aragnnimada tijaabooyinka siyaasadeed ee ka shaqeeyey dalka, oo labada ugu door-rooni ay yihiin Somaliland iyo Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah. Labaduba waxay ka soo dhismeen ‘hoos’, iyada oo la adeegsanayo qaababkii dhaqanka ee Soomaalida iyo kuwa casriga ah oo la is- waafajiyey. Maraykanka iyo Ingriisku arrimahani waxay garawsadeen oo ay ku baraarugeen mar danbe. Sannadkii 2010, Maraykanku waxay ku dhawaaqeen in Soomaaliya ay kula dhaqmayaan siyaasad laba dhinac ka kooban, labadaas oo kala ah inay sii wadayaan aqoonsiga iyo taageerda dawladda fadhigeedu yahay magaalada Muqdishu, iyo dhinaca kale inay kordhinayaan la- shaqaynta iyo taageerada gobollada kale ee deggan ee waqooyiga, gaar ahaanna Somailand iyo Puntland. Ingiriisku waxa uu isna bilaabay inuu kordhiyey oo uu dardar dheeraad ah geliyo wada-shaqayntii uu la lahaa labadaas gobol. Dhambaal kale oo qarsoodi ahaa oo diblomaasi Maraykan ahi uu diray 2009-kii, ayna faafisay wakaaladda Wikileaks, waxa uu ka hadlayey sida ‘Ingiriiska u qorshaynayo in uu “sii-xoojiyo” taageerada uu u fidiyo Somaliland, in kasta oo dawladda Ingiriisku aanay ka fikiraynin inay aqoonsi siiso marxaladdan hadda la joogo.’16
Madaxweyne Obama waxa uu isna isla markaas sii wadey siyaasaddii maamaulkii Maraykanka ee isaga ka horreeyey, ee loo arkayey Soomaaliya dal ay ka jirto khatar argagixiso. Tani waxa uu caddeeyey oo uu u ku dhawaaqay markii uu booqashada ku tegey Afrika sannadkii 2009, oo uu yidhi: ‘Marka xasuuq dadweyne
uu ka socdo Darfur, amma argagixiso ay ka jirto Soomaaliya, arrimahani ma aha dhibaatooyin u gaar ah Afrika oo qudha, waa dhibaatooyin nabadgelyo oo caalami ah, waana in si caalami ah looga jawaabaa oo wax looga qabtaa.’
Waxyaabihii aakhirkii ka dhashay gelitaankii Ethioipia ee Soomaaliya, ma ahayn oo keliya inay geysey magaalada Muqdishu dawlad tag daran oo aan haysan taageero dadweyne, barakac ku dhacay boqolaal kun oo qof, iyo dagaalladii oo si weyn u kodhay. Laakiin waxa kale oo ay xagjir ka sii dhigeen koox yar oo ay ka go’an tahay mintidnnimada jihaadku. Waxayna kooxdani noqotay laxaadka asaaska u ah xoogagga dagaalka Islaamiyiinta ee al-Shabaab, kuwaasi oo sanado kooban gudahood ku qabsaday koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya inteeda badan, si khasab ahna ugu soo rogey dadweynihii, nidaamyo amma habab iyo dhaqan aanay weligood caado u yeelan oo aanay hore u aqoon, weligoodna aanay diyaar u noqon inay aqbalaan. Virgil Hoehne, waxa uu mar kale qoraalladisii 2009 ku faahfaahinayaa sida siyaasaddii Maraykanka iyo Ethiopia ay iyada lafteedu u abuurtay, marka laga eego dhinacyo badan, bahalkii amma baalayadii cabsida weyn laga qabey ee ay isku deyayeen inay ka hortagaan oo ay dilaan:
Sannaddii 2009, ka dib saddex sano oo ay ku soo jireen jabhadnnimo iyo dagaal, Islaamiyiinta mitidka ah ee Soomaaliya, gaar ahaanna al-Shabaab, run ahaantii waxay u ekaadeen oo ay la maqaam noqdeen heerkii uu marayey ururkii Taliban xilligii 1996, ee uu ahaa urur ku soo ad-adkaaday oo ku soo xoogeystey dagaallo, iyo idiyoolojiyo amma mabda’ aan laalaabad lahayn, una diyaar ah in uu dal xukumo. Marka sidaas loo eego, dacaayadihii lagaga hotagayey Islaamiyiinta ee sannadkii 2006 waxay noqdeen kuwa wixii laga baqayey inay keenaan run ahaantii keenay oo Islaamiyiintii sii fogeeyey, siina xoojiyeyey, halkii ay wax ka yeeli lahayd. Laga soo bilaabo 2006-dii, Soomaaliya waxay ahayd tusaalaha ugu fiican ee la soo qaadan karo marka laga hadlayo guuldarrada siyaasadda Maraykanka (iyo Ethiopia) ee la-dagaallanka argagixisada, siyaasaddaasi oo run ahaantii abuurtay iyadu dhibaatadii markii hore loogu talo galay inay ka hor tagto oo ay wax ka qabato.17
Islaamiyiintii oo hoggaankii qabsaday (The Islamists take hold)
Itoobiyaanku waxay rasmi ahaan ka baxeen Soomaaliya bishii January ee 2009, laakiin ciidamadoodu waxay weli ku sii jireen dalka, gaar ahaan gobollada ku yaal xuduudda. Ethiopia waxa kale oo ay taageero u fidinaysay kooxaha ka soo horjeeda Islaamiyiinta, sida xarakada Suufiyadda ee Ahlu Sunna Wa Jamaaca, dhaqdhaqaaqaasi oo isbahaysi aan sugnayn la leh dawladda ku-meel-gaadhka ah, dagaalna kula jira ururka al-Shabaab, koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya. Maraykanku waxa uu isna sii wadey in uu Soomaaliya ka soo weerarro xagga cirka, isaga oo diyaaradihiisa milateriga iyo kuwa loo yaqaan drones-ku ee is-wadaa ay duqaynayaan bartilmaameedyo mucayan ah. Bishii May ee 2008, hoggaamiyihii miliishiyada al-Shabaab, Adan Xaashi Cayrow, ayaa lagu dilay weerar noocani ahi. Dhambaal ay direen diblomaasiyiin Maraykan oo cunwaan looga dhigay ‘dhimashadii Cayro’, ayaa waxa lagu saadaaliyey in dhimashadiisaasi uu meesha ka baxay ay yeelanayso ‘saamayn dhawr ah oo cuntama’ amma fiican, oo ay ku jirto weerarradii al-Shabaab oo marka hore qas ku yimaaddo oo kala go’a, looltan xagga madaxtinnimada ah oo ka dhex bilaabma xarakadaasi gudaheeda, iyo rajadii dib-u-heshiisiinta Soomaalida oo sii korodha. Hasse ahaatee, xarakadaasi oo had iyo jeer kala jajabnayd, waxa ay noqotay, haddii wax saamayn ah ay tani ku yeelatay, inay xoog iyo awod ka sii qaadeen dilkii Cayro. Cadhadii iyo ficilkii ay ka qaadeen arrintani waxay sii midaysay xubnihii ururkaasi, waxayna ku kicisay dagaal ay ku qaadaan waxa ay u arkeen ‘gaalada’ dawladda ku-meel-gaadhka ah iyo koox kasta oo kale oo shisheeye ka danbeeyo. Ahmed Abdi Godane oo ka soo jeeda Somaliland, oo sida Cayro oo kale ahaa nin isna ugu yaraan xagjir ah, ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha cusub ee xarakada.
Si la mid ah sidii madaxweyne Bush uu u adeegsanayey hal-ku-dhegga ‘la-dagaallanka argagixisada’ markii uu ku dhawaaqayey xidhitaanka shirkad Soomaaliyeed oo xawaaladeed, al-shabaab waxay iyana isticmaashay hal- ku-dhegyada jihaadka ee ay caadada u leeyihiin oo ay ugu hanjabaan kuna baqdin geliyaan Maraykanka. Bishii January ee 2010, afhayeenka al-Shabaab Sheikh Ali Mohamed Raage, waxa uu soo saaray digniin uu u jeedinayo madaxweynihii cusbaa ee la doortay ee Maraykank, Barack Obama, waxanu ku yidhi digniintaasi:
Haddii uu Obama cidamadiisa u soo diro Soomaaliya, waxay ku danbayn doonaan halkii ay ku danbeeyeen kuwii 1993, markii meydkoodii la jiid-jiidey jidadka magaalada Muqdishu, burburkii diyaaradahooguna uu buuxiyey wadooyinka caasimadda. Haddii Maraykanku ay rabaan in ciidamadooda ay u soo diraan Soomaaliya, waxannu u dhigi doonnaa cashar. Waxan ku ballan qaadayaa in aan ula dagaallami doonno si ka daran sida aan ula dagaallanno ciidamada Afrikaanka ah ee imika jooga halkan. Farriinta aan u dirayo Obama waxa ay tahay, ha u soo dirin halkan wiilasha Maraykanka, hana ku bixin maalkiinna iyo hantidiinna dagaal aydaan weligiin ku guulaysan doonin.
Dhibaatada Gargaarka (The challenge of aid)
Dhibaatada kooxaha Islaamiyiinta ee Soomaaliya waa mid ka ballaadhan oo aan ku waajahnayn siyaasadaha debadda oo qudha. Waxa kale oo ay noqotay dhibaato saamaynaysa gudaha dalalka ay joogaan qaxootiga Soomaalidu, kuwasi oo ay ka mid yihiin Kenya, Yemen, Maraykanka, Ingiriiska, Australia iyo dalalka
Scandinavia, dalalkaasi oo dhalinyarada Soomaalida ee la qabsan kari weyda nidaam ka jira dhulalkaasi ay dib ugu soo noqdaan Soomaaliya, si ay ugu biiraan dagaallada jihaadka, amma ay ka qayb qaataan shirqoollo iyo qorshayaal argagixiso oo lagu weeraro dalalka ay joogaan ee martigeliyey. Caalamiyeyntan sii kordhaysay ee hawlgallada kooxaha Soomaalida, iyo weliba marka lagu daro joogitaanka Soomaaliya ay joogaan dagaalyahanno aan Soomaali ahayn oo ku dhex jira al- Shabaab, ayaa taasi macnaheedu uu yahay in dhibaatadii ay noqotay mid caalami ah.

9 – Mid ka mid ah ciidammada al-Shabaab oo cunno baco ku jirta u qaybinaya dad jooga Shabeellada Hoose oo ka tirsan meelaha macaluushu ka jirto, September 2011 (al-Shabaab)
Ka sakow jiritaanka kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya, iyo khatarta ay ku hayaan adduunka debadda, haddana waxa dhinaca kale dhibaato weyni ay ka haysataa dalalka debadda hawlaha gargaarka banii’aadminnimada ee dalkaasi ka socda. Hey’adaha gargaarka ayaa dhibaato weyn kala kulma sidii ay u gaadhsiin lahaayeen taakulayn degdeg ah dadka u baahan gargaarkaasi. Waxana dhacda in la dilo, lana afduubo shaqaalaha hey’adaha gargaarka iyo in lagaga qaato lacagyow fara badan oo baad ah goobaha isbaarooyinka. Waxa kale oo jirtey in ururka al- shabaab uu marar badan ka mamnuucay hey’adaha gargaarku inay ka hawlgalaan gobollada ay ka taliyaan. Dhibaatadani waxay sii cuslaatay gaar ahaan bishii July ee 2011, markii Qaramada Midoobey ay ku dhawaaqday xaalad macaluuleed oo ka jirtey laba gobol oo ay al-Shabaab ka taliso, oo kala ahaa Bakool iyo Shabeellada Hoose. Hase ahaatee iyaga oo si deggan oo xeelad leh u maaraynaya, ayaa Qaramada Midoobey iyo hey’adaha gargaarka ee kaleba ay waxoogaa horumar ah ka sameeyeen inay kala xaajoodaan al-Shabaab sidii gargaarka loo gaadhsiin lahaa gobolladaasi. Ka bacdina Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu isna taakulayn u dirayo dhulalka ay al-Shabaab haystaan, ilaa inta Qaramada Midoobay ay dammaanad qaadayso nabadgelyada hawlaha gargaarkaas banii’aadminnimo.
Wax yar ka bacdi hadalkaasi Maraykanka, al-Shabaab waxay ku dhawaaqday in aanay ogolaan doonin cid ajanebi ah oo timaadda gobolladaasi. Waxana suurtogal ah in al-Shabaab ay ka booddey mawqifka iyo hadalladan qaawan ee Maraykanka. Mar kale Maraykanku waxa uu qiimayn khaldan ku sameeyey xaaladaha ka jira Soomaaliya, iyada oo sida uu u dhaqmay ay wax u dhintay dadkii dhibaataysnaa ee baahnaa oo gargaarkii ka kala go’ay, iyo hey’adihii gargaarka banii’aadminnimada oo uu qas ku keenay dedaalkii ay ku suurtogeliyeen inay hawlahooda ka fulin karaan oo ay sii wadi karaan shaqooyinkii ay ka hayeen meelaha ay al-Shabaab xukumaan intii ay mamnuucidda gargaarku taagneyd oo dhan.
Sida Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysaa ay sheegtay, waxa kale oo jirtey dhibaato ah musumaasuq ka dhex jira isla hawlaha gargaarka iyo qaybintiisa. Warbixin uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxa lagu sheegay in la ogaadey sannaddii 2010, in ilaa kala-badh raashinkii gargaarka ee loogu talo galay in la gaadhsiiyo dad laba milyan iyo badh gaadhaya oo Soomaali ah, inay leexsadeen kooxo musumaasuq ah oo ka kala kooban qandaraaslayaal, kooxaha Islaamiyiin ah, iyo shaqaale ka tirsan hey’adaha gargaarku. Warbixintu waxay inaasi ku dartay in hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan barnaamijka cunnada adduunka ee WFP ay 80% siisay qandaraasyada rarista iyo geynta raashinkaasi gargaarka meelihii looga baahnaa, qandaraasyadaasi oo dhammaa ilaa $200 oo milyan oo dollar, inay siisay saddex nin oo keliya oo ganacsato Soomaali ah, kuwaasi oo iyaguna si sharcidarro ah u sii iibiyey raashinkaasi, si ay macaash badan uga sii helaan.
Waxa kale oo warbixintu ay sheegtay in in ka tirsan gargaarkaasi lagu isticmaalay dagaallada: ‘Qaybo ka
tirsan taakulayntii banii’aadminnimada, gaar ahaanna raashinkii gargaarka ahaa, ayaa waxa loo leexiyey ciidamada oo lagu isticmaalay ujeeddooyin milateri. Qaar badan oo ka tirsan qandaraaslayaasha Soomaalida ee la shaqaynayey hey’adaha gargaarka ayaa haddana samaystay isbahaysi dhexdooda ah iyo shuraake kooxaha ah, awod weynna yeeshay – kuwaasi oo qaar ka mid ahi ay si toos ah ugu gudbiyaan macaashka ay helaan, ammma raashinka gargaarka laftiisaba, kooxaha hubaysan ee mucaaradka.’18 WFP iyadu way ku gacansaydhay eedaymahaasi, laakiin waxay sheegtay inay ka joojinayso qandaraasyadii saddexdaasi qof inta la samaynayo baadhitaanno.
Ma aha ganacsatada awodda badan ee Soomaalida oo qudha kuwa ka faa’iideysta hey’adha gargaarka. Waxa jira Soomaali badan oo kale oo waayo-aragnnimo iyo khibrad badan ka soo helay ku-xidhnaanshaha iyo helidda gargaarka debadda, kuwaasi oo bartay, kuna noqday khubaro sida looga faa’iideysto hey’adaha gargaarka. Tani waxan ku soo arkay Somaliland sannadkii 1994, markaasi oo wakiillo ka kala socda hey’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee gargaarka banii’aaminnimadu ay halkaasi tegeen si ay ugu gurmadaan dadkii ku dhex tabaaloobey dagaallo qabaa’il oo xilliyadaasi ka dhacay dalka. Waxan u safray magaalada Oodweyne, aniga oo sii raacay koox gurmad ah oo ka kooban khubaro ka socota hey’ado gargaar oo ajnebi ah. Waxa ugu horreeyey ee aannu ku dhaqaanay waxay ahayd in aannu la kulanno duqii magaaladaasi. Wuxu noo akhriyey liis dheer oo ah waxyaabaha ‘sida degdegga ah loogu baahan yahay’, ee ay u baahan yihiin dad uu ku tilmaamay inay u soo qaxeen magaalada, kana soo qaxeen dagaallo ka socda meelo kale oo ka tirsan dalka. Waxanu yidhi:’ Guud ahaan waxan halkan ku haynnaa dad dhan 6,100 qof oo ah dad u baahan gargaar oo in badani ay macaluulayaan, nafaqa-darrana ay hayso, isla markaasina aan haysan wax hoy ah. Ilaa hadda shan boqol ayaa u dhintay dhaawacyadii dagaalka ka soo gaadhay, gaajo iyo cudurro.. Waxan u baahannahay baco, bustayaal, dhar, raashin ay ka mid yihiin digir, saliidda cunnada, weelkii wax lagu karsan lahaa, iyo daawooyin.’
Laakiin markii aan magaalada soo dhexmaray ee aan ku soo wareegey, waxa markiiba ii caddaatay inayna jirin dad u dhawdhaw tiradaasi 6,100-ka ah ee lagu sheegay ‘dadka u baahan gargaar degdeg ah’. Waxa dhici kartaa inay yihiin wax kooban oo daraasiin ah. Kuma jirin wax macaluul hayso, amma cudurro u jiifa, amma hoy la’ oo bannaanka yaal, waayo, dhammaantood waxay la joogeen qoysas magaalada deggan. Hey’adaha gargaarku wax badan oo caynkaas ah kama qaban sidii ay wax uga qaban lahaayeen khaladaadka noocaas ah; waayo in laga hadlo oo la wadwado dhibaato banii’aadminnimo oo ka jirta Somaliland, ayaa iyada lafteeda macnaheedu ay tahay in la helo fursado qandaraasyo iyo lacagayow dheeraad ah – waxa la helayaa oo sii soconaya shaqooyinkii lagu adeegsan jirey.
Saamaynta Goboleed (Regional Implications)
Dhibaatooyinka Soomaaliya waxay saameeyeen dalal badan oo kale oo ka tirsan dalalka Afrikada Bari iyo Geeska Afrika. Qaxootigii ayaa ku qulqulay oo ka tallaabaday xuduudaha. Xiisadaha iyo dagaallada Soomaaliya waxa kale oo ay aafeeyeen oo deganaansho la’aan ku abuureen dalalka deriska ah, oo qaarkood si toos ah u galeen dagaalladaasi, iyaga oo leh weji ah ciidammo nabad- ilaalineed, amma ilaalinaya danahooda. Dhibaato markii hore ahayd kooxo gudaha ah oo Islaamiyiin xagjir ah, ayaa waxay isku rogeen oo ay noqdeen dhibaato goboleed, iyo xataa mid caalami ah. Tusaalooyinka ifinaya sida dalalka gobolku ay uga walaacsan yihiin xaaladaha Soomaaliya, waxa ka mid ah dalalka Uganda, Kenya, Ethioipia, iyo Djibouti oo ogolaaday in ciidammo Somali ah lagu tababaro dhulkooda, kuwaasi oo mararka qaar ay ku gacan- siinayaan khubaro milateri, amma naba-sugid, oo reer- Galbeed ahi. Uganda iyo Burundi waxay halkaasi geeyeen ciidammo nabad-ilaalineed. Urur-goboleedyada IGADD iyo Midowga Afrikana, shirar aan dhammaad lahayn ayay ka yeesheen xaaladaha Soomaaliya. Laakiin kuwani ma yeelan wax saamayn ah oo cuntanta, sida iyaguna aanay u yeelan wax saamayn ah oo buuran kuwii Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysa, kuwii Ururka Midowga Yurub, iyo ururrada kale ee calamiga ah intuba.
Saamaynta Uganda iyo Burundi kuma koobna oo qudha in ay halkaasi u direen ciidammo nabad-ilaalineed, kuwaasi oo daraasiin ka mid ahi ay ku dhinteen. Laakiin waxa kale oo ku soo fool yeeshay hawlgallo aar-gudasho ah oo kaga yimaad al-Shabaab iyo kooxaha kale ee mucaaradka ah, taasi oo ka dhalanaysa joogitaanka ciidammadoodaasi ee Soomaaliya. Bishii July ee 2010, al-Shabaab waxay laba weerar oo wax-qarxin ah isku mar ku qaadday magaalo madaxda Uganda ee Kampala, halkaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan toddobaatan qof.

10 – Barakacayaal safaf ugu jira cunno loogu qaybinayo magaalada Muqdishu (Mohamed Moallimu).
Ka sakow deganaansha ka jira gobollada Somaaliyeed ee Puntland iyo Somaliland, haddana iyaga laftoodu kamay wada bed-qabin amma fayoobayn weerarrada Islaamiyiinta. Bishii Oktoobar ee 2008, saddex qarax oo is-miidaamin ah ayaa isku mar lagu wada qaaday goobo ku yaal magaalada Hargeysa, kuwaasi oo dad badani ku dhinteen. Isla maalintaasi waxa iyana la weeraray Puntland. Hawlgalladani waxay tilmaamayaan awodda ay al-Shabaab u leedahay inay qaaddo weerarro xidhiidhsan oo heer sare ah.
Ethiopia iyo Eritrea (Ethioipia and Eritrea)
Gaar ahaan Ethiopia, lagama saari karo khilaafyada iyo dagaallada Soomaaliya. Labada dal, waxay faacyo badan ahaayeen deris aan xidhiidhkoodu fiicnayn oo aanu caadi ahayn, oo waqtiba-ka-waqti ay colaado iyo dagaallo buuxa ka dhex dhacaan. Sababta weyn ee dhalisay xidhiidhka xun iyo colaadda joogtada ahina waa ‘gobolka Soomaalida’ ee Itoobiya, kaasi oo xuduud dheer la wadaaga Soomaaliya oo ay ka jireen muddo dheer jabhado mucaarad ah oo gudaha ah oo saameeyey. Ethiopia waxay ka hirgelisay Soomaaliya dhexdeeda wax u muuqan kara dhul ka caaggan milateri oo aan loo soo dhaafi Karin. Joogitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha Soomaaliya ayaa noqotay wax joogto ah oo mar walba la sheego, ilaa aakhirkii ay noqotay wax iska caadi ah oo aan ahayn ‘war cusub’ oo soo kordhay. Haddana Ethiopia oo qayb weyn ka ah isbahaysiga ree- Galbeedka ee ‘la-Dagaallanka Argagixisada’, fagargelinteeda Soomaaliya waxay yeelatay weji iyo kaalin caalami ah, sida kaalintii ay lahayd xilliyadii dagaalka qabow ee 1970-yadii.
Dal kale oo isna si weyn faraha ugula jira arrimaha Soomaaliya waa dalka Eritrea. Waana in la fahmo oo loo arkaa in faragelintaasi waxa salka u ah ee keenayaa inay yihiin khilaafka soo-jireenka ah ee ka dhexeeya iyada iyo Ethiopia, oo dagaal qadhaadhi u ka dhex dhacay sannadihii 1998 ilaa 2000, wax yar uun ka dib markii Eritrea ay ka madaxbannaanaatay Addis Ababa. Eritrea waxay u aragtaa dawladda federaalka ah ee ku- meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, mid Ethiopia ay wadato oo danaheeda ay ku fushanayso, sida awgeedna Eritrea waxay caawisaa kooxaha mucaaradka ah ee ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya. Qaramada Midoobey, Maraykanka iyo dawladaha kaleba waxay mar walba ku eedaynayeen Eritrea inay siiso kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya taageero siyaasadeed, mid dhaqaale, mid diblomaasiyadeed iyo mid milateri intaba, iyadaoo jebinaysa qaraaradii caalamiga ahaa ee cunaqabatayntii xagga hubka Soomaaliya ee lagu soo rogey. Waxa kale oo lagu eedeeyey inay u fidiso kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaalida, tababarro ay ku siiso Cassab oo ku taalla bariga Eritrea iyo Teseney oo galbeedka ah.19 Madaxdii Midowga Maxkamadaha ee Soomaaliya waxay u carareen magaalada Asmara, ka dib markii ciidamada Ethiopia ay galeen Soomalia sannadkii 2006, waxayna halkaasi ka sameeyeen hoggaan iyo maamul debadda jooga oo ka horjeeda dawladda caalamku aqoonsan yahay ee ku-meel- gaadhka ah ee Soomaaliya.
Dhambaal qarsoodi ahaa oo ay dirtay safaaradda Maraykanka ee Asmara sannadkii 2009, laakiin si u dusey oo ay faafisay wakaaladda Wikileaks, ayaa waxa uu ka hadlayaa sida Etritrea ay u bilawday inay qaaddo olole diirran oo saaxiibtinnimo oo ay u muujiso Maraykanka, wax yar ka bacdi markii Barack Obama uu la wareegey xafiiska ee uu noqday madaxweynaha Maraykanka. Ololahaasina waxa ka mid ahaa casuumad maalin ah oo loo fidiyey safiirka Maraykanka iyo marwadiisa, ayna u fidiyeen saraakiil ka tirsan dawladda Eritrea, waxana lagu casuumay beer uu leeyahay agaasiimaha waaxda dhaqaalaha ee Eritrea. Dhambaalkaasi waxa uu ku tilmaamayaa agaasiimahaasi in uu yahay ‘farsamayaqaanka dhaqaalaha sii dumaya ee dalka’. Dhambaalka intiisa kale waxay si quudhsi ah oo ku-dheel-dheel ah uga hadlaysaa nooca martiqaadka iyo qadadii loo sameeyey: ‘Qadada waxa la keenay
geed-qodaxeed sogsog ah hoostii oo ku yaal laag doox ah oo dhagax badan. Safiirka iyo marwadiisii waxa loo keenaya hilib ka kooban uur-ku-jirta adhiga oo la soo shiilay, lana soo marmariyey malab iyo basbaas kulul. Laakiin lama soo raacin weelkii maamuuska ee macdanta ahaa ee wax lagu cuni lahaa, suxuun wax lagu gurto, koobab wax lagu cabbo, amma qalab wax lagu googoosto. Waxa kale oo la soo raaciyey qadadaasi sharaab iyo cabbis fara badan oo ka kooban khamri adag oo qadhaadh, oo nus ahaan la khamiiriyey, ahna nooca waddaniga ah ee loo yaqaan magac ku bannaan oo ah “sewa”.’20
Qadadaasi uma muuqan inay wax badan ka tartay hagaajinta xidhiidhkii Maraykanka iyo Eritrea. Dhambaalkaasi waxa uu intaasi sii raaciyey walaaca weyn ee Maraykanku ka qabo xidhiidhka Eritrea ay la leedahay ururka al-Shabaab, waxanu soo qaaday sida sarkaal ka tirsan Eritrea uu u qiray xidhiidh ilaa heer ah oo ay la leeyihiin ururkaasi. Waxanu dhambaalkaasi intaas ku sii daray in Maraykanku u soo saaray digniin cad oo toos ah oo uu siinayo Eritrea, ugana digayo cawaaqib xun oo ay mutaysan doonto haddii ay ku sii waddo taageerada ay siinayso ururkaas al-Shabaab.
Eritrea waxay iyana dhinaceeda ku taagnayd oo ay dhaliilo waaweyn u soo jeedinaysey dawladda Maraykanka. Bishii August ee 2007, madaxweynaha Eritrea, Isaias Afewerqi, waxa uu ku eedeeyey Maraykanku in uu ku dedaalayo inu waxyeello u geysto danaha dalkiisa Eritrea, waxanu ugu baaqay dawladda Maraykanku inay joojiso waxa uu ku tilmaamay falalka iyo siyaasadda qar-iska-xuurnnimada ah. Waxa uu ka digay siyaasadda arrimaha debadda ee Maraykanka oo uu sheegay inay adduunka u horseedayso jid khatar ah.
Wax yar ka hor hadalladaasi madaxweyne Afewerqi, waxa jirtey odhaah iyana ka soo yeedhay Kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha debadda ee Maraykanka u qaabilsanaa Arrimaha Afrika, Jandayi Frazer, oo sheegtay in Maraykanku uu ka fikirayo in Eritrea lagu daro liiska dawladaha abbaaniya ee taageera ee argagixisada.
Kooxaha Islaamiyiinta ee Soomaaliya ma dafiraan inay taageero ka heleen Eritrea. Hoggaamiyaha Islaamiyiintaasi, Hassan Dahir Aweys, waxa uu 2011- kii si cad u qiray gacanta iyo kaalinta Eritrea. Waxanu yidhi:
Abaal weyn ayaannu u haynnaa Eritrea, laba sababood awgood. Waxay diidey inay taageerto dagaalladii gardarrada ahaa ee la nagu soo qaaday, waxayna soo dhaweysey dadkayagii. Waxa kale oo ay na siisay taageero siyaasadeed.
Eritrea waa dal faqiir ah oo saboolnnimo weyni ka jirto, waxana lagu soo rogey ciqaab iyo cunaqabatayn, sababta oo ah naxariista iyo taageerada yar ee ay noo fidisay. Qof kasta oo sidoo kale nagu eega il naxariiseed oo noo dhoolla-caddeeya, waxa loo ciqaabaya si naxariis-darro ah. Haatan Eritrea waxa ay ku jirta xaalad adag. Waannu ka xunnahay arrintaasi, waayo Eritrea waxay ciqaabtaasi ku mutaysatay annaga awgayo. Qaramada Midoobey waxay ku canaananaysaa Eritrea sababta keliya ee ah inay gacan siisay oo ay u gargaartay dad khalad lagu sameeyey oo meel laga dhacay. Imika Eritrea lafteeda ayaa la cambaaraynayaa. Waa wax aan la qaadan karin oo maskaxdu aanay aqbali karin in la cambaareeyo dad u gargaaray dad jilicsan oo dhibaato loo geystey, la soo weeraray oo la qabsaday.
Yemen
Xiisadaha iyo dagaallada Soomaaliya waxa kale oo ay saameeyeen dalka Yemen. Waxa jooga oo ay haysaa
qaxooti badan oo Soomaaliyeed, oo in badano oo daraasiin ah ay ku dhintaan sannad kasta doonyaha soo qaada dadka tahriibta ah ee ku dega Khooriga Cadmeed. Kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaallamaya labadaasi dal, waxay lugaha kula kala jiraan dagaallada ka kala socda labada dalba. Al-Shabaab waxay u dirtaa Yemen dagaalyahanno iyaga ka tirsan, sidoo kalena kooxaha Yemen waxay iyaguna u diraan Soomaaliya dad dagaalo jihad ka fuliya halkaasi. Tani waxa isna qiray afhayeenka al-Shabaab, Sheikh Ali Mohamed Raage, oo yidhi sannaddikii 2010: ‘Arrinta ku saabsan Yemen,
ciidammada aannu halkaasi u dirno iyo dagaalyahannada ay noo soo diraan, waxay ka mid yihiin xidhiidhka sokeeye ee ka dhexeeya labada dhinac. Waa intaas inta aan hadda ka sheegi karaa arrintaasi, iyada oo aannu go’aan ku gaadhnay in aan warbaahinta lagala hadal oo aan loo bandhigin arrimaha noocan ah.’
Wax yar ka bacdi hadalkaasi, isna ku-xigeenka hoggaamiyaha qaybta ururka al-Qaacida ee Gacanka Carbeed, Saeed al Shihri, waxa uu ammaan u soo jeediyey kooxda al-Shabaab, cajalada laga soo duubay oo la soo geliyey Internetka. Waxanu yidhi:
Waxan u sheegayaa oo aan ku leeyahay walaalahayaga qaaliga ah ee jooga Soomaaliya,
Ilaahay ha idinka raalli ahaado, hana idinka jasaa’i siiyo, waanad ku mahadsan tihiin ciidammadiinna aad noo soo dirteen…Ka sakow dhibaatooyinka idin haysta iyo cagajugleynta la idiin geysanayo ee la idinku maagayo jihaadka aad waddaan, haddana weli waxaad awoddeen in aad noo soo dirtaan ciidammo na caawiya… dhinac kastana, midba midka kale, waynnu iska kaashanaynna dagaallada soo socda ee aan kula jirno Maraykanka oo ah kan horseedka ka ah fusukha adduunka.
Kenya
Dal kale oo si weyn ay iyana u saamaysay dhibaatada Soomaaliya waa dalka Kenya. Tobannaan kun oo qaxooti Soomaali ah ayaa ku qulqulayey dalkaasi dhawrkii sano ee u danbeeyey, gaar ahaanna markii ay sii xoogeysteen dagaalladii Koonfurta Soomaaliya. Haddana waxa xaladdihii uga sii daray abaarihii ba’naa iyo macaluushii 2011-kii. Xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee waqooyiga Kenya, oo ay ku jiraan inta badan qaxootiga Soomaalidu, waa xerada ugu balladhan ee qaxooti ee adduunka. Ma wada qaadi karto qaxootiga sida joogtada ah ugu soo qulqulaya mar kasta. Markii hore xeradaasi waxa loogu talo galay ilaa 90,000 oo qof oo keliya. Laakiin bishii November ee 2011, qaxootiga soo galay xerooyinkaasi ee la dejiyey waxay kor u dhaafeen 500,000, kuwaasi oo buux-dhaafiyey, kana dhigay xeradii meel xaaladaha noloshu ay cidhiidhi yihiin, cagajuglayn iyo naxariis-darro xunna kala kulmay ciidamada nabadgelyada ee Kenya, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch sanadkii 2009.21 Iyana Qaramada Midoobay, waxay sheegtay in sannadkii 2011 oo keliya dadka soo galay xeradaasi Dhadhaab ay ahaayeen 200,000 oo qof.
Dhibaatada dhex taalla Kenya iyo Soomaaliya, waa mid iyana soo taxnayd faacyo badan oo hore. Xataa ka hor xornnimadii 1960-kii, Soomaaliya waxay daba joogtey Degmada Aagga Waqooyi(NFD) ee Kenya xilligii isticmaarka, degmadaasi oo soomaalidu ay rabtey in lagu soo daro oo ay qayb ka noqoto dhulka Soomaaliya. Gobolkani waxa uu xuduud la leeyahay koonfurta Soomaaliya, waxan dega oo u badan dadweyne asalkoodu Soomali yahay. Ka dib wada hadallo iyo gorgortan daba dheeraaday, Ingiriisku waxa uu go’aan ku gaadhay in gobolkaasi uu ka sii mid ahaado oo uu ku hadho Kenya, taasi oo ka keentay Soomaaliya inay xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jarto Ingiriiska. Marka la eego dhibaatooyinka joogtada ah ee had iyo jeer ka haysta gobolkaasi, Kenya waxa laga yaabo in siyaabo badan awgood ay u qoomamaynayso in aanay uga hadhin dhulkan oomanaha ah ee kulul in uu raaco Soomaaliya.
Sanadihii aynnu soo dhaafnay, gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya waxa uu ahaa mid xaaladaha ka jiraa ay si gaar ah u kacsan yihiin, ka dib markii al-Shabaab ay qabsatay gobollada ku dhawdhaw ee Soomaaliya intooda badan. Ciidamada ilaalada xuduudda ee Kenya, waxay deggan yihiin meelo ay iska gaadhi karaan miliishiyooyinka Islaamiyiinta. In kasta oo rasmi ahaan uu xadkaasi xidhan yahay, haddana suurtogal ma aha in la wada kontoroolo, sababta oo ah xuduudda oo aad u dheer, si sahal ahna la iskaga gudgudbi karo. Soomaalida Kenya ee gobolkaasi deggani waxay ku cawdaan in al-Shabaab ay ka qorato degaannadooda dhalinyaro ay ka tallaabiyaan xadka, si ay uga qayb galaan dagaallada ka socda Soomaaliya. Dawladda Maraykanku waxay sheegaysaa inay hayso ‘sababa lagu rumaysan karo inay dhacday in al-Shabaab ay dad ka qorato, ilaa heer xaddidan, xerada qaxootiga ee Dhadhaab.’ 22
Mararka qaar, dagaallada Soomaaliya waxay u tallaabaan dhinaca Kenya. Bishii October ee 2010, dagaal ayaa ka dhex qarxay miliishiyo-beeleed iyo al-Shabaab magaalada xuduudda ku taalla ee Beled-Xaawo. Boqolaal qof oo ka yaacaya dagaalladaasi ayaa ka tallaabay xuduudda, una tallaabay magaalada Mandera ee Kenya oo saddex kiloomitir oo qudha u jirta Beled-Xaawo.
Iyada oo xiisadaha iyo dagaallada Soomaaliya ay noqdeen qaar aad ugu dhaw, Kenya waxay go’aan ku gaadhay inay mudnaanta kowaad siiso inay is-daafacdo oo ay ilaaliso nabadgelyadeeda, waxayna qayb ka qaadatay barnaamij laga wado gobolka oo lagu tababarayo ciidammo Soomaaliyeed oo milateri iyo booliis ah. Waxan jirey warar sheegayan in ciidamadaasi oo dhan 2,500, in badh ka tirsani aanay wada ahayn Soomaali laga soo qortay Soomaaliya, laakiin inay ku jiraan dad Kiiniyaan ah oo asalkoodu Soomaali yahay. Kenya waxay kaalin firfircoon oo taageero ah ku lahayd ‘dagaalka dhulka Juubbooyinka’, qorshaasi oo ku saabsana in al- Shabaab dib looga qabsado gobollada ugu hooseeya ee koonfurta Soomaaliya, lagana sameeyo halkaasi wax u dhigma dhul milateriga ka caagan, oo aan la soo dhaafin, oo u dhexeeya labada dal. Dawladda Kenya, tallaabo weyn oo kale oo muhim ah ayay sii qaadday bishii Oktoobar ee 2011, markaas oo ay u dirtay gudaha Soomaaliya boqolaal ka tirsan ciidamadeeda, ka dib markii kooxo Soomaali ahi ay ka afduubeen gudaha Kenya afar qof oo ajanebi ah. Kenya waxay afduubkaasi dusha ka saartay al-Shabaab, waxayna sheegtay inay sii wadayso weerarrada xagga cirka iyo dhulka ee ay la beegsanayso kooxdaasi, ilaa iyo inta Kenya ay nqonayso meel ka bed qabta waxa ay ku tilmaantay ‘khatarta al-Shabaab’. Al-Shabaab waxay diiddey inay wax lug ah ku leedahay afduubyadaasi, waxayna intaasi ku dartay in milatery Kenya oo aan lahayn wax waayo-aragnnimo ah ‘uu dhandhamin doono xanuunka xabadda mujaahidiinta.’
Kenya, waxay ku dhex qabsatay xaalad iyo marxalad adag. Iskama indhatiri karto dhibaatada Soomaaliya, haddana gelitaanka ay weerartay Soomaaliya, kama keenin oo keliya colaad dheeraad ah oo kaga timaad al- Shabaab, waxase sidoo kale ay cadownnimo kaga kasbanaysaa Soomaali badan oo kale. Iskaashiga Kenya ay la leedahay dalalka Maraykanka iyo ururk Midowga Yurub ee la xidhiidha ‘la-Dagaallanka Argagixisada’, iyo weliba magaalada dekedda ah ee Mombasa oo ay ku yaallaan maxkamad iyo xabsi gaar ah oo debadda laga maalgeliyo, oo lagu xukumo laguna xidho budhcad- badeedda, arrimahaasi macnahooda waxa uu noqonayaa oo ay keenayaan in Soomaali badani ay u aragto Kenya dal cadow ah.
Kenya, waxa jira sababo badan oo ugu wacan walaaca ay qabto. Bishii September ee 2010, booliska Kenya waxa uu faafiyey oo uu si qarsoodi ah ugu gudbiyey warbaahinta, jiritaanka xubno iyo laan ka tirsan al- Qaacida oo ka jirta gobolka Afrikada-Bari, kaasi oo ay ku eedeeyeen labadii weerar ee isku mar lagu qaaday goobo ka tirsan dalka Uganda. Sida ku qornayd qoraalladaasi qarsoodiga ah, daraasiin dhalinyaro ah oo jooga Kenya oo la qortay, kuna biiray xubnahaasi laanta al-Qaacida, ayaa al-Shabaab ay ku soo tababartay Soomaaliya dhexdeeda, kuwaasi oo qorshaynaya weerarro lagu qaado Kenya. Bishii November ee 2010, lix qof oo dhallinyaro ah oo u sii jeedey dhinaca Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada xeebta ku taal ee Lamu, kuwaasi oo looga shakiyey inay ka mid yihiin taageerayaasha al-Shabaab, una socdeen halkaasi si ay uga qayb galaan dagaallada Soomaaliya. Maalmo ka bacdi markii ciidammada Kenya ay galeen Soomaaliya bishii October ee 2011, laba weerar oo ahaa bambooyin lagu qarxiyey goobo ku yaalla magaalada Nairobi, waxa lagu diley hal qof, in badan oo kalena way ku dhaawacmeen. Qof Kiiniyaan ah oo sheegtay in uu ka tirsan yahay ururka al-Shabaab, ayaa waxa lagu xukumay xabsi- daa’im madaxaa-ha-ku-furo ah, ka dib markii uu qirtay in uu ka qayb qaatay weerarkaasi.
Hey’adaha dawladda waxa la gudboon inay foojignaadaan, laakiin haddana waa inay ka digtoonaadaan inay kiciyaan oo ay ka cadhaysiiyaan Soomaalida, iyada oo ay jiraan gaar ahaan dad badan oo ah muwaadiniin Kiiniyaan ah oo asalkoodu Soomali yahay, amma Soomaali qaxooti ahaan ku joogta dalkaasi. Al-Sahabaab waxay sheegtay inay rumaysan tahay in ay si durduro ah ku gaadhi karto oo ay socon karto ilaa magaalada Nairobi, iyada oo aan wax dhibaato ah la kulmin. Sababtana waxay ku sheegtay in Kenya aanay lahayn xoog iyo tamar ay wax iskaga celiyaan, marka la barbar dhigo Ethiopia oo loo arko mid milateri ahaan iyo xukuumad ahaanba ka awod weyn. Somaalidu waxay dhexdooda ku kaftamaan in ciidamadooda milateriga loo hayo inay la dagaallamaan Ethiopia, laakiin Kenya in boolisku ku filan yahay.
Warbixin Qaramada Midoobay ay soo saartay 2010-kii, ayaa lagu sheegay in hawlgallada Islaamiyiinta Soomaaliya ay gudaha u sii galeen oo xoog ku yeesheen Kenya dhexdeeda. Waxan ka mid ahaa warbixintaasi waxayaabaha ku qoran:
Jaalliyadaha ballaadhan ee Soomaalida ah ee ku dhaqan Kenya, ku-dhawaanshaha Kenya ay ku dhawdahay Soomaaliya, iyo xuduudda sida sahalka la iskaga gudgudbi karo ee labada dal u dhaxaysa, dhammaan arrimahani waxay gacan ka geysanayaan in Kenya ay noqoto saldhig amma xarun weyn oo laga taageero kooxaha hubaysan ee mucaaradka ah ee Soomaaliya. Xubnaha ururrada al-Shabaab iyo Xisbul Islam, waxay si sahal ah oo xor ah u tagaan, ugana soo noqdaan magaalada Nairobi, halkaasi oo ay ka soo urursadaan qaadhaan lacageed, kana soo qortaan dad, kana helaan in lagu daaweeyo dagaalyahannadooda dhaawacma. Xidhiidhkani waxa rukun weyn u ah oo suurtogeliya wadaaddo maalqabeenno ah oo halkaasi ku jooga kuna shaqeeya ganacsato ahaan, kuwaasi oo ku xidhan machadyo diimeed oo kooban oo caan ku ah xidhiidhka ay la leeyihiin ururada iyo hawlgallada xagjirka ah…Shabakadaha ururradani waxay ahaayeen kuwo muddo dheerba u fidinayey kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliyeed taagerooyin dhaqaale iyo kuwa fikri ah oo hoggaamineed.23
Dhambaal kale oo diblomaasiyiin Maraykan ahi ay direen sannadkii 2009, oo ‘Sawir ka bixinaya sida Al Shabaab ay dad uga qorato Kenya dhexdeeda’, ayaa waxa uu ka hadlayaa sida dalkaasi uu u noqday ‘meel fiican oo laga qoran karo wiilal dhalinyaro ah’ oo ku biira ururrada ay ka midka yihiin al-Shabaab. Waxanu u yaalley sidatan:
Nin ganacsato ah oo deggan Isiolo (Siiyalow) ayaa sheegaya in lixdan dhallinyaro ah oo Soomaali kiinyaan ah oo ka tirsanaa magaalada, in la waayey ilaa bishii January ee 2008 oo ay ku biireen dagaallada Soomaaliya, iyo in laba ka tirsan dhallinyaraadsi, oo qof ahaan uu yaqaanney, ay ku dhinteen dhawaan weerarro is-miidaamin ah oo ay ka fulinayeen magaalada Muqdisho. Waxa uu intaasi ku daray in qoritaanka dhalinyaraadaasi laga qoranayo magaalada Isiolo, in laga abaabulo oo laga hoggaamiyo masaajid ku yaalla xaafadda Eastleigh (magaalada Nairobi) oo ay leeyihiin wadaaddo xagjir ah, laakiin in fulinta hawshani in ay u xilsaaran yihiin xubno ka tirsan afar masaajid oo xagjir ah oo ku yaal magaalada Isiolo. Waxanu raaciyey in waalidiinta dhallinyaraasi ay si hoose oo qarsoodi ah u sameeyaan tacsida iyo xusaska geerida dhallinyaradaasi, iyaga oo ka baqaya inay hadlaan oo la maqlo. Xataa haddii dawladda Kenya ay isku hawsho inay wax ka qabato shabakadahaasi qoranaya dhallinyarada, ayuu yidhi ninkaasi, ma aha dhibaatooyinkani kuwa loo heli karo xal sahal ah oo degdeg ah. Waxan sii wadi doonnaa in aannu eegno bal in iyo sida Maraykanku uu noogu soo gurman karo ee uu arrimahani nooga caawin karo.24
Wararkani waxay cadho weyn ka keenayaan Soomaali badan oo joogta Kenya oo uu ka mid yahay ganacsadaha weyn ee xaafadda Eastleigh, Sheikh Mohamed Ibrahim Shakuul. Waxanu yidhi isaga oo arrintani ka faalloonaya:
Wax badan ayaannu maqalnay warar ku saabsan lacagyow budhcad-badeed iyo kuwa argagixiso oo la sheego in la soo geliyo xaafaddan Eastleigh. Arrimahan waa in la kala saaraa oo la kala qeexaa, mid walbana goonideeda loo eegaa. Annagu lacagtayada waxannu ka helnaa maalgeliyayaal gaar ah iyo deyman aannu ka qaadanno bangiyada Islaamiga ah. Dacaayadaha iyo cuqdadaha warbaahintu faafinayso ee sheegaya in lacagayow budhcad-badeed iyo kuwa argagixiso in halkani ay yimaaddaan, waa wax aan jirin.
Qof kasta oo waxaas sheegaya, waxan ku xujeyn karaa oo aan weydiin karaa bal in uu i tuso qof keliya oo baayac-mushtar ah oo jooga halkan xaafadda Eastleigh, oo faraha kula jira hawlo sharci-darro ah. Bal waa qofka i tusa taas.
Waannu naqaan dadka aannu la macaamilno. Waannu naqaan dadka wax naga dhexeeyaan ee aannu shuraakaha nahay. Nasiibdarro, dacaayadahan la faafinayaa waa kuwa salka ku haya takrooris iyo midab-kala-sooc, iyo cunsuriyad lagaga horjeedo qawmiyado gaar ah iyo hawlahooda..
Ma lihi oo kuma doodayo in wax kasta oo ka jira xaafadda Eastleigh amma qawmiyadda Soomaalida dhexdeeda, in wax walba ay boqolkiiba boqol sax yihiin oo ay si hagaagsan u socdaan, mana wada ogi oo ma lihi awoddii aan kula wada socon lahaa arrimahaasi. Laakiin aniga oo ka mid ah xubnaha odayaasha ee qawmiyaddan, aadna ugu dhex jira hawl-maalmeedkooda iyo nolosha dadweynaha, waxan kuu xaqiijinayaa in aanay halkan ka jirin falal noocaas ahi, haddii ay dhacdo inay jiraanna, inay yihiin wax aan sidaa u sii ridneyn.
Qaybaha kale ee baayac-mushtarka qawmiyaddaasi Soomaalida ee deggan Kenya, waxay ka hadleen dulmiga ay kala kulmaan booliska Kenya. Waxan la sheekaystay nin ganacsade weyn ah oo Somaali ah, oo aan kula kulmay xafiiskiisa ku yaal badhtamaha magaalada
Nairobi. Ma rabin oo diyaar uma ahayn ninkaasi in magaciisa la sheego. Waxase uu sheegay oo uu igu yidhi:’Ma ogtahay waxa booliska Kenya ay u yaqaannaan ee ay ugu yeedhaan Soomaalida? Waxay noogu yeedhaan mashiinnada amma khasnadaha ATM ee lacagta lagala baxa. Sababtuna waxa weeye sida qudha ee aannu u socon karno ugana dabbaalan karno ee aanu u qabsan karno hawlahayagu, waa in aannu laaluush siinnaa booliska, wax kastaba.’
Ninkaasi ganacsada ahi, waxa uu had iyo jeer isticmaalaa magaca iyo wejiga nin kale oo aan Soomaali ahayn oo ay ku wada jiraan ganacsiga oo ay shuraake yihiin, marka ay arrimahooda ka soo dhammaysanayaan wixii kaga xidhma xafiiyada dawladda iyo hey’adaha. Magaca Soomaali iyo in laguu aqoonsado sidaasi, ayuu yidhi, waa mid ‘ganacsi ahaan is- miidaamin ah’ oo dilaysa ganacsigaagii. Waxa jira sababo caqli gal ah oo ugu wacan in uu sidan u hadlo. Sideedaba xaaladaha nololeed ee Soomaalida joogta Kenya, waxay marba marka ka danbaysa sii noqonayaa kuwa sii adkaada oo ay dhibaato kala kulmaan. Had iyo jeer shaki weyn ayaa laga qabaa, in kasta oo qaar badani ay u dhasheen dalkaasi. Badhtamaha magaalada Nairobi, waxan ku arkay oo aan goobjoog ka ahaa, qof kasta oo u muuqda in uu yahay Soomaali – kuwaasi oo ciidamada nabadgelyadu ay si sahal ah u garan karaan, uguna soo sooco karaan muuqoooda gaarka ah – in la joojiyo oo la baadho, korkoodana la marmariyo qalabka wax lagu baadho, mar ay gelayeen dhismayaal xafiisyo ah. Dadka aan Soomaalida ahayn, lama baadhayn oo waa la iska dhaafayey. Bishii August ee 2010, Bangiga Dhexe ee Kenya, waxa uu ku amray dhammaan baananka kale iyo hey’adaha dhaqaalaha iyo maalgelinta ee dalka, in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo lacagaha Soomaalida ku sugan dalka Kenya gudihiisa ee looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha Islaamiyiinta xagjirka ah ee Soomaaliya.
Cuqdadda laga qabo Soomaalidu waxay ka dex jrta heerar iyo qaybo badan oo ka tirsan mujtamaca Kenya. Dhinac ahaan waa dad laga cabsado oo la neceb yahay; dhinaca kalena waa dad lala dhaco oo la jecel yahay xirfadda iyo waayo-aragnnimada ay u leeyihiin ganacsiga. Fikradaha uu qabo qof taksiile ah oo ii qaaday dhinaca xaafadda Eastleigh, waxay muujinayaan oo ay u taagan yihiin sida ay in badan oo ka tirsan dalkaasi ay u arkaan Soomaalida. Waxanu igu yidhi taksiilahaasi:’Soomaalidu waa dad aad iyo aad u xun. Waxay ku iibiyaan Eastleigh wax kasta, xattaa hub.
Waa dad musumaasuq badan oo kharriban, mar kastana dagaallamaya oo is laynaya, waayo, dhaqan ahaan iyo dabeecad ahaan ayay yihiin dad xaruuri ah oo kacsan oo gacantu ka soo horrayso. Budhcad-badeedda Soomaalidu waxay yimaaddaan halkan, magaalada Narobi. Waxayna ka iibsadaan guryo qaali ah xaafadaha ugu wanaagsan. Kiiniyaanku way neceb yihiin Soomaalida, laakiin waa dad ku fiican ganacsiga.’
Ganacsadaha Sheikh Shakuul waxa uu isna iiga sheekeeyey sida ganacsiga Soomaalidu uu faa’iidooyin waaweyn ugu leeyahay Kenya. Waxan kula kulmay xafiiskiisa ku yaal sariibad amma suuq cusub oo uu ka dhisayo xaafadda Eastleigh, halkaasi oo shanqadha iyo buuqa shaqadu ay ka socdeen. Waxanu yidhi:
Waa in qof kastaa uu u bogaa oo uu soo dhaweeyaa ganacsiga iyo meheradaha noocan ah. Hawlahani waxay abuureen shaqooyin badan, dadweynaha ayaa wax ka helayaa oo dakhli ka soo gelayaa, dawladda ayaa dakhli cashuureed ka helaysa. Dad badan ayaa hawlaha ku tiirsan oo ay caawiyaan – ha ahaadaan Kiiniyaan, Soomaali, iyo dad kaleba.
Waxay ila tahay in Soomaalidu ay yihiin hanti amma xoog wax-ku-ool ah, oo wax ugu filan Kenya oo wax ku soo kordhinaya, ee aanay ahayn dad culays ah oo dulsaar ah, sababtuna waxa weeye waxay abuuraan oo laga helaa shaqooyin. Bal fiiri inta qof ee halkan ka shaqaynaya, dhismahan halkan ka socda oo keliya. Boqolaal qof oo kiinayaan ah ayaan siinayaa oo iga helaya nolol- maalmeedkoodii. Dawladdu waxay ka qaadataa cashuur dhammaan meheradaha iyo tukaammada ku yaal xaafaddan Eastleigh. Waxay ka heshaa dakhli dhammaan cashuuraha la saaro badeecadaha ay keenaan ee ay soo dejiyaan Soomaalidu. Waxay ila tahay in cuqdaddan laga qabo Soomaalidu, inay tahay uun xaasidnnimo lid ku ah kartidooda tartan ee suuqa. Soomaalidu waxay kor u qaadeen nolosha boqolaal qof, haddii aanay ahaynba malaayiin, oo Kiiniyaan ah, kuwaasi oo ay u abuureen, siiyeenna shaqooyin kala ah agaasiimayaal, xisaabiyayaal, gabdhaha boo’isooyinka ee qabta adeegyada guryaha, shaqaale, horjoogayaal goobaha shaqada iyo dhismayaasha, iyo wixii la mid ah. Waa in aan labada dhinacba dhinac kasta wax ka fiirinna.
Colaadda loo qabo Soomaalida, ee ay u qabaan Kiiniyaanku, waxa laga yaabay inay ka imanayso sida ay ugu guuleysteen ganacsiga, ee aanay ahayn inay ku xidhan yihiin budhcad-badeed iyo Islaamiyiin xagjir ah. Soomaalidu waxay awalba ahaayeen kuwa heer fiican jooga, Kenya dhexdeeda, xattaa intii ka horraysay soo-bixtaankii budhcad-badeedda iyo al-Shabaab. Ma jiro meel uu kaga badan yahay baayac-mushtarkoodu xaafadda Eastleigh, degaankaasi oo loo yaqaan af- Sawaaxiliga ‘Mogadishu Kidogo’ oo macnaheedu yahay ‘Muqdisho-yar’. Waa meel cammiran oo ay ka buuxaan hudheello, sariibado, tukaammo iyo suuqyo waaweyn oo laga adeegsadaa. Waxa ku yaalla dhismayaal iyo xarumo waaweyn oo daraasiin ah oo wada tukaammo ah, lehna magacyada: Day to Day Center, Bangkok Shopping Mall,, Prestige Center,, Towhid Shopping Complex, Emirates
Shopping Mall,, Olympic Shpping Center, Sunrise Shopping Mall …
Qiimaha jaban iyo noocyada badan ee badeecadaha kala duwan ee yaalla suuqyadaasi, ayaa soo jiita dad badan oo u yimaadda inay wax iibsadaan, kana kala yimaad guud ahaan Kiiniya oo dhan, iyo dalalka kale ee Afrikada Bari. Waxa jira dhismayaal badan oo cusub oo hadda halkaasi ka socda, oo qaarkood dusha lagaga dheehay marmar iyo muraayado qaali ah oo aad iska dhex arkayso, iyo qaar kale oo dabaqyo badan ah.
Xaafadda Eastleigh, waa meel isku dhex daadsan oo aan u nidaamsanayn sida xaafadaha kale ee badhtamaha Nairobi ee u dhawdhaw. Adeegyadeeduna waa qaar aad u liita. Waxa ka jira boholo iyo dhul googo’an meel kasta, jidadkuna waa qaar badankoodu ay burbursan yihiin oo aan la samayn. Dadka lugaynaya, waxay ku kalliftaa inay dhex maraan oo ay kolba ka tallaabaan dhul wasakh ah oo ay ku soo jabeen biyihii bullaacadaha, iyo buuro qashin tuulan ah oo aan cidna qaadin. Waxa mar walba googo’a korantada iyo biyaha. Waxa aad u xun adeegyada bulshada, taasi oo ku kalliftay dadweynaha xaafaddaasi inay joojiyaan sannaddii 2010, cashuurihii gudaha ee dawladda hoose ee ay bixin jireen; go’aankoodaasina waxa taageertay maxkamad.
Huteelka Andalus, oo hoy u ah siyaasiyiin oo Soomaaliyeed oo debadda ku nool, waxa uu ku dhexyaalla oo uu ka mid yahay sakadaha suuqa weyn ee Eastleigh Mall. Suuqaasi oo ka duwan sariibadaha tukaanleyda kale badankooda, ma aha meel mugdi ah oo cidhiidhi ah oo buuq badan oo ay buux-dhaafiyeen meherado is dabayaal. Waa duni yar oo gooni ah oo sideeda u jirta. Waxa ku yaal meelaha lagu jimicsado oo casri ah, xarumo caafimaad, hudheel wax laga cuno, bangi iyo masaajid. Waxa kale oo ku taal saldhig ay leedahay Idaacadda FM Star oo ku hadasha af-Soomaali iyo goob Internet ah, labadaasi adeeg oo muhiim u ah xidhiidhinta iyo u-tebinta wararka Soomaaliya, dadka jooga gudaha iy kuwa qurbaha labadaba.

11 Ganacsade Soomaali ah oo jooga suuqa weyn ee Eastleigh (Mary Harper)
Firfircoonida iyo hawlkarnimada ka jirta xaafadda Eastleigh, deganaanshaha Somaliland, iyo nabaddii ilaa heer ay suutogeliyeen Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahi, dhammaan waxay tusaale u yihiin sida Soomaalidu ay wax u qabsan karto ee ay ‘ u toosin karto’ arrimaheeda, iyaga oo adeegsanaya qaababkooda u gaarka ah iyo talooyinkooda. Malaha rajada ugu fiican ee Soomaaliya ay yeelan karto, waxay noqon kartaa in loo daayo oo loo raaco si la mid ah qaababkoodaasi iyaga u goonida ah, oo in kasta oo aanay ahayn nidaam adduunku wada yaqaan oo caadi ah, in hadda loo adeegsan karo qaab gaar ah oo Soomaaliyeed oo keeni kara deganaansho.
Sida immika ay tahay, Soomaaliya waxay u taagan tahay mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu wawaweyn ee ugu cadhada iyo madax-wareerka badan ee horyaalla dawladaha dejiya siyaasadaha caalamiga ah. Faragelintii debadeed ee dagaallada Soomaaliya, haddii ay ahaayeen kuwa milateri oo toos ah amma si kale ah, ilaa iyo hadda ma shaqayn oo waxa ka yimid dhibaatooyin. In Soomaaliya faraha laga qaado amma la iska fogeeyo oo aan loo dhawaan, waxay noqotay sidoo kale arrin aan lagu guulaysan. Iyada oo ay sii korhdayso tirada dadka Soomaalida ee ka tirsan qurbajoogta, ee dib ugu noqonaya Soomaaliya si ay ugu biiraan dagaallada ay wadaan kooxaha Islaamiyiinta ahi, iyo weliba inay suurtogal tahay in dadkaasi ay ka qayb qaataan qorshayaal ku saabsan weerarro lagu qaado dhulalka ajanebiga ee debadda, ‘dhibaatada Soomaalidu’ waxay u muuqataa inay sii xoogeysanayso, siina noqonayso dhibaato caalami ah. Islaamiyiinta xagjirka ah ee aan Soomaalida ahayn, iyagana Soomaaliya waxay ugu jirtaa hadda xagga hore liiska dalalka ay doonayaan inay tagaan oo ay ka soo dhex dagaallamaan.
Murugsanaanta xaaladaha Soomaaliya iyo xilliga dheer ee khilaafyada iyo iska horimaadyadeedu ay qaateen, iyo weliba faragelinta joogtada ah ee debadeed ee dalkaas ee aan xal iyo wax-ku-ool noqon, waxay badeen arrimahani jahawareer ay ka qaadeen in badan oo ka mid ah dadka gudaha iyo kuwa debaddu intuba, iyo xattaa mararka qaar inay ka magaan oo ay ka cabsadaan halkii looga wareegi lahaa ee danbe.
Sawirka had iyo jeer laga bixiyo Soomaaliya, iyo sida loo soo bandhigo ee ah inay tahay dalka adduunka dhinac kasta qarannimadiisii si weyn u fashilantay,1 (eeg warbixintii Guddida La-socodka iyo Talo-ka- bixinta Dhibaatooyinka Caalamia ah e ICG ee 2008), ee hoy u noqday budhcad-badeed, Islaamiyiin xagjir ah, iyo dad macaluulaya, xaaladahani waxay sii xumeeyeen dhbaatooyinkii, waxayna si kasta qayb ka qaateen siyaasadaha habawsan ee lagu waajahayo dalkaasi.
Sababta oo ah in Soomaaliya lagu tilmaamo oo lagu magcaabo sifooyin badan oo ay ka mid yihiin qaran ‘fashilmay’, ‘jilicsan’, amma ‘burburay’, taasi waxay keentay in kuwo badan iyo meelo badan oo ka mid ah kuwa siyaasadda dejiyaa amma qorsheeyaa ay go’aan ku gaadhaan in Soomaaliya ay u taagan tahay wax khatar ku ah nabadgelyada iyo badbaadada adduunka.
La-xidhiidhinta lala xidhiidhiya ‘burbur qaran’ inay keenayso argagixiso caalami ah ayaa xoogeysatay gaar ahaan intii ka danbaysey weerarradii 9/11. Hasse ahaatee fikradda adduunku uu qaatay ee ah in khatar caalami ahi ay ka soo fool leedahay Soomaaliya oo aan dawlad xukunta lahayn, ayaa ah wax marka horeba la buunbuuniyey. Tanina waxay horseedday in la qaato go’aanno siyaasadeed oo dibadeed oo liita oo ku aaddan dhinacyada khataruhu ka iman karaan, iyo in wejiyada xunxun oo qudha loo fiirsado ee aan la
danayn dhinacyada wanaagsan ee cuntama ee rajo fiican yeelan kara. Dabbaqaadda go’aannadani iyo fahamkaasi laga qaatay Soomaaliya ayaa siyaabo badan u dhaliyey in si khaldan hoggamiyaasha siyaasaduhu ay u arkaan Soomaaliya inay tahay wax laga cabsado oo aan la fahmi karin.
Siyaabaha loola dhaqmayo Soomaaliya waxa lagu daray oo lagala mid dhigay xaaladihii ka dhashay dhacdooyinkii 9/11 iyo tallaabooyinkii laga qaadayey, taasi oo keentay in si aragti-gaabnaan ah laga eego dhinac qudha oo aan waaqici ahayn, waxayna Soomaaliya ka mid noqotay sheekadii amma siyasaddi’Dagaalka Argagixisada’. Xattaa dhicitaankii Siyaad Barre ka hor, Soomaaliya waxay ahayd dal arrimihiisu fool adag yihiin, marar badanna khatar ah, laakiin burburkii dawladda dhexe macnaheedu ma ahayn in isla markaaba si toos ah ay khatar degdeg ah ay ugu noqotay dalalka reer Galbeedka, iyo hoy ay yeeshaan ururrada Islaamiyiinta xagjirka ah.
Khubarada siyaasadda ee debadda ee darsa Soomaaliya guud ahaan kuma baraarugin arrimahan, xilliyadii ay ‘fashilmaysey’ dawladdii dhexe. Inta baddanna, sababta oo ah in dawladnnimadii ay ahayd mid fashilmaysey amma sii burburaysey, Soomaalidu waxay samaysatay qaabab xiiso leh oo cajaa’ib ah oo ay adeegsato, una bedela hawlihii ijtimaaci ahaa ee dawlad dhexe qaban lahayd, kuwaasi oo qaar ka mid ah laga dhigan karo tusaale ay ku dayan karaan dalalka kale ee dagaallada iyo noocyada kale ee deganaansho la’aantu ay saameeyeen. Xaqiiqada ah in dhinacyo badan oo ka mid ah xaaladaha nololeed ee Soomaaliya ay yihiin kuwa aan caadi ahayn, macnaheedu ma aha inay khaldan yihiin, amma yihiin dad xun, amma khatar uuni ka soo fool leedahay.
Guulaha ugu badan tijaabooyinka laga arkay Soomaaliya, waxay ahaayeen ’kuwo ka dhashay gudaha’, kana yimid aasaaska hoose ee mujtamaca amma dadweynaha, ee ma ahayn kuwa dusha lagaga keenay oo ka yimid debadda. Khabiirka Bronwyn Bruton, (buuggiisa uu ka qoray arrimaha Somaalia ee uu u bixiyey Soomaaliya: A New Approach,2010), waxa uu soo jeedinayaa inay la gudboon tahay dawldda Maraykanku inay cashar ka barato waayo-aragnnimada laga helay in la iska fogeeyo Soomaaliya oo faraha lagala baxo, waxanu ku doodayaa: ’Waxa lagu magacaabi karo “ka-maqnaansho
iyo in la eegto uun oo aan masuuliyad la iska saarin inay tahay ta habboon”, waxa laga yaabaa inay u muuqato arrin ka duwan oo ka horiman karta sidii loo arkayey amma laga rajaynayey inay noqon doonto. Laakiin in haba yaraatee wax uun la qabto ayaa ka roon in waxyeello la eegto amma la geysto.’2
Xukunkii Isbahaysiga Maxkamadaha Islaamiga ah ee koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda la Magac Baxday Somaliland ee qaybihii waqooyi galbeed, waa labada tusaale ee ugu mudan, lagana faa’iidaysan karo; laakiin haddana ma aha in si aan waaqici ahayn loola dhaco uun. Qoraaga Mark Bradbury, (buuggiisa ku saabsan Somaliland ee 2008, ’Becoming Somaliland, 2008), waxa uu ku doodayaa in midka ka mid ah sababaha ilaa hadda aan Somaliland arrimaheeda loo qaadan si weyn oo culus oo laga dhigan karo tusaale lagu daydo, waxa weeye in arrinteedu aanay lahayn meel ay ka soo gelayso amma kala qabsanayso qaababka iyo sharciyada hadda la yaqaan ee dejisan ee loo eego ahaansha ummad gooni ah amma qaran dawli ah oo iskii u taagan. Waxana ka mid ah dooddiisa:
Somaliland waxay ka mid tahay dalal dhawr ah oo soo baxay laga soo bilaabo dhammaadkii Dagaalkii Qaboobaa, kuwaasi oo aan lahayn meel ay kala qabsan karaa qaababka sharciyeed ee dawladnnimo gooni ah ee ilaa hadda adduunku ku dhaqmo ee caadiga. Waxana kuwaasi loo sifeeyaa siyaabo kala duwan oo kala ah ’maamullo gaar ah oo aan ahayn qaran dawli ah’, ’maamul-u-yaal amma dawlad-u-yaal’, iyo ’maamul amma dawlad maaul kale oo dawladeed ku hoos jira amma hoos yimaadda.’
Qaybahani siyaasadeed waa qaar dood iyo su’aalo ka keenaya nuxurka ay ku fadhiyaan xeerarka amma sharciyada caalamiga ah, iyo mid ahaansha dhuleed ee dalalka adduunka, iyadoo qurbajoogta faraha badan ee qaybahaasi ay wax ka bedelayaan fikradihii laga qabay muwaadinnimada, isbedelna ku keenayaan noocyadii xidhiidhka dalalka iyo muwaadiniintooda, iyo weliba sidoo kale siyaabaha ay u dabbiraan una soo saaran dhaqaalaha noloshooda. Marka la eego xaaladda dadweyne badan oo ku nool dalalkan aan loo aqoonsanayn qaran dawli ah oo iskii u taagan, maamulladaasi gudaha ee siyaasadeed ee ay samaysteen waxay hirgeliyaan nidaam iyo adeeg nabadgelyo oo ka fiican kuwii ay qaban jireen dawladihii hore ee rasmiga ahaa.
Somaliland waxay su’aalo ka qabtaa qaabka dedaalka caalamiga ah ee ku saabsan dib-u-dhiska Soomaaliya, iyada oo wax iska weydiinaysa asaasi ahaan qaabka iyo nooca dawladnnimadaasi dib loo dhisayo, iyo dhinaca kale iyada oo soo banhigtay hab kale oo loo mari karo dib-u-dhiskaasi, kaasi oo ka duwan, laguna bedeli karo qorshaha qaabka dib-u-dhiska ee ilaa maanta ay wadeen diblomaasiyiinta ajanebiga iyo barnaamijyada hey’adaha gargaarku.3
Mid ka mid ah ’guuldarrooyinka’ ugu waaweyn ee ku dhacay siyaasadaha ku aaddanaa Soomaaliya waxay noqotay in lagu dhegganaa uun oo dabada la sii hayey shirar dhaadheer oo ’nabadeed amma dib u heshiisiineed’, oo caaalamku abaabulo, kharash badanina ku baxo, laguna qabto dalka debaddiisa. Ilaa imikana waxa la qabtay in ku dhawdhaw labaatan shir oo noocaasi ah oo aan midna lagu guulaysan. Shirarkaasi waxa ka dhashay dawlado daciif ah oo kala danbeeyey oo ku-meel-gaadh ahaa, oo mid walba guuldarro ku danbeysey. Dawladahaasi waxay ka jireen oo keliya oo ay maamulayeen qaybo kooban oo ka tirsan dalka, mararka qaarna awoddoodu maba gaadhsiisnayn wax ka badan dhismayaal amma sakado dhawr ah oo madhan oo ka tirsan magaalo-madaxda Muqdishu.
Arrinta ku saabsan in lagu dhaqmayo hab federaal ah, waxay iyana noqotay mid afka uun laga yidhaa oo hadal ah, laakiin habka maamulka iyo awoddo waxay u janjeedhsameen inay si weyn ugu koobnaadaan meel qudha oo dhexe oo ay iskugu soo ururaan, ahna magaalada Muqdishu oo keliya. Mararka qaar maamulladaasi waxa sadhig u ahaa oo ay fadhiyeen magaalooyin kale oo Soomaaliyeed, amma xattaa dalka debaddiisa, sababta oo ahayd dagaalladii socdey, iyo colaaddii iyo nacaybkii weynaa ee joogitaankoodu uu ka kiciyey caasimadda. Waxa ka maqnaa sharciyaddii, aqoonsigii iyo aqbalaaddii loo baahnaa ee dadweynaha ay ka helin lahaayeen. Sababta oo ah in Soomaali badani ay u arkayeen wax debadda lagu soo dhoodhoobay oo ajanebi ka keenay. Dawladahaasi waxa kale oo ku adkaatay inay jebiyaan oo ay ka adkadaan kooxihii ay iska soo horjeedeen ee ay cadowgooga ahaa, waxan sabab u ah khilaafyada jira oo ah qaar qoto dheer oo si weyn u kala qaybsan, una murugsan. Warbixin Qaramada Midoobay xafiiskeeda qaabilsan la socodka arrimaha Soomaaliya ay ka soo saartay bishii March ee 2010-kii, ayaa si cad u tilmaamaysa xaaladdani taagan:
Xiisadaha iyo dagaallada socda waxay tusaale xun u yihiin oo ay u taagan yihiin qaab xun oo isugu jira ’dagaal-jabhadeed noocyo kala geddisan ka kooban’: noocyo dagaallo milateri ah, xeelado dagaal iyo qaabab aan caadi ahayn, iyo weliba gacan-ka-hadal iyo dil aan waxba loo aabbo yeelayn, xoog-ku-muquunin arxan darro iyo denbiilannimo jahawareersan – kuwaasi oo weliba ay soo raacdo, marka xaaladda Soomaalida la eego, faragelin kaga timaadda dawladaha deriska la ah. Dawladda taagta daran ee ku-meel-gaadhka ah ee federaalka Soomaaliya waxa si aan wax-ku-ool ahayn ula daalaadhacaysey dagaallada ay rabtey inay kaga hortagto kooxo kala geddisan oo isku milan, iskuguna jira kuwo diimeed oo xagjir ah, kuwa siyaasadeed, kuwa leh dano dhaqaale oo fursado ay ka faa’iideystaan eegeeganaya, iyo kuwa dano beeleed amma qabiil watta.4
Quwadaha reer Galbeedku, gaar ahaanna Maraykanka iyo Ingiriisku, waxay sannaddii 2010 dib-u-eegis ku sameeyeen habka loo waajahayo ee wax looga qabanayo arrimaha Soomaaliya. Waxana la sii wadey taageerada iyo aqoonsiga dawladda ku-meel-gaadhka ah ee muqdishu fadhida, waxase dhinaca kale aad loogu soo jeestey, oo sidii hore si ka badan loo daneeyey, qaybaha kale ee deganaansha dheeraadka ahi uu ka jiro, gaar ahaanna Puntland iyo Somaliland. Waxayna dabbaqeen siyaasad ah ’laba toobiye oo isbarbar socda’, labaatan sano ka bacdi dhicitaankii dawladdii dhexe. Tallaabadani waxay hubaal ahaan ahayd mid lala soo daahay si ay wax saamayn ah oo badan ugu yeelato gobollada koonfureed iyo kuwa badhtamaha dalkaasi, gobolladaasi oo dagaallada iyo xiisaduhu ay u noqdeen wax si joogto ah u socda oo caado amma dhaqan noqday.
Dawladaha shisheeyuhu waxay aakhiritaankii bilaabayaan inay ku dhaqaaqaan taageerada gobollada uu ka jiro degganaansha dheeraadka ahi ee dhulalka Soomaalida; waxa kale oo ay si dhaw indhaha ugu hayaan dhinacyada cuntama ee horumarka laga samaynayo, qaybaha kale ee dalka ee dagaalladu sida ba’an u saameeyeen.
Dhinacyadaasi waxa ka mid qaybaha sameeyey koritaan dhaqaale oo dheeraad ah oo ku dhisan habab dhaqan iyo kuwa casriga ah intaba. Waxana wax badan laga korodhsan karaa sida layaabka leh ee loogu guulaystay ganacsiga xoolaha nool sanadihii colaaduhu ay socdeen, iyo abuuritanka lama-filaanka ah ee waaxyo kale oo dhaqaale oo cusub, oo ay ka mid yihiin isgaadhsiintu. Sabaha ay u hirgaleen waaxyahanina waxa ka mid ah iyada oo aanay jirin faragelin iyo kontorool dawladeed.
Soomaalidu waa dad firfircoon oo karti leh, waxayna si dhiirranaan leh u dabbaqeen tiknoolojiyada casriga ah. Kartidan iyo dhiirranaantan awgood, ayaa ka sakow sannadihii badnaa ee dagaallada iyo dawlad la’aanta oo lafteedu dhinaca kale sabab u noqotay inay la yimaaddaan kartidan, ay haddana sameeyeen horumar muhim ah oo dhaqaale oo saamayn ku yeeshay qaybo badan oo ka tirsan Afrika iyo adduunka kaleba. Sida kartida leh ee ay ula qabsadeen, una adeegsadeen tiknoolojiyada Internet-ka iyo telifoonnada mobiilka, ayaa gaadhsiisey Soomaalidu in ay si buuxda oo dhab ah uga qayb galaan dhaqaalaha caalamiga ah, in kasta oo siyaabo badan ay u yihiin dad aan lahayn dawlad qaran oo wakiil ka ah amma ka mas’uul ah. Waxay ku kala baaheen adduunka, laakiin waxay noqdeen oo ay yihiin xoog dhaqaale oo is-haysta. Waxay si buuxda ugu xidhan yihiin gudaha, gobollada iyo ganacsiga caalamiga ah, he’yadaha iyo suuqyada dhaqaale, ha noqoto ka-ganacsiga xoolaha nool ee dhaqanka u haa, amma ganacsiga casriga ah ee xawaaladaha lacagta.
Waxay ka dhigan tahay sidii wax mujtamaca Somaalidu uu si ahaan u dul maaxayo adduunka, oo uu gaadhay marxalad iyo heer horumar oo ah kan ugu casrisan, kana sare maray heerkii ku koobnaa dawlad qaran.
Sabaha Soomaalida u suurtogeliyey inay ilaa heerkaasi wax qabsadaan iyada oo aanay jirin dawlad dhexe oo awod leh, waxa ka mid ah hab-dhaqankooda oo aan ku dhisnayn nidaam dawli ah. Qaabka ah dawlad- qaraneed ma aha mid Soomaalidu u aragto in uu wax macne ah oo faa’iido ah u leeyahayhay. Waxay leeyihiin qaababkooda dhaqan ee ay isku habeeyaan, mana aha in hoggaamiyaasha siyaasadda ee caalamku ay taasi la yaabaan amma ku gacansaydhaan, hab ay dhici karto inay u arkaan wax lagu tilmaami karo nidaam aan qeexnayn oo aan mug lahayn in laga dhigto hab- siyasadeed lagu dhaqmo. Dhaqanka reer-guuraannimada ee ku dhisan habka abtirsiinta beelnnimo ee Soomaalida ayaa ahaa mid soo-jireen ah oo ay ku dhaqmi jireen, mujtamcuna si wax-ku-ool ah iskugu maamuli jirey, wax badan ka hor intii aanay dusha kaga iman nidaamyadii dalalkii isticmaarka ee qabsaday Soomaaliya. Soomaaliduna muddo qarniyaal ah ayay la macaamili jirtey, lana lahayd baayacmushtar, dalal leh dawlado dhexe oo ka mid ah dalalka Carabta, Aasiyada Koonfureed iyo Yurub.
In ka badan labaatan sano ayay dawladaha debaddu ku hawllanaayeen inay xal u helaan dhibaatooyinka Soomaaliya. Fargelin milateri, hawlgallo gargaar oo banii’aadminnimo iyo kuwii diblomaasiyadeed, waxay ku guuldarraysteen inay keenaan isbedel waxtar ah, amma xal waara oo laga hirgeliyo dalkaasi. Waxana laga yaabaa in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin horleh oo cusub oo dhiirranaani ay ku jirto, sida Soomaalida lafteedu ay u dhiirradaan oo kale.
Adduunka intiisa kalena, waxay u baahan yihiin oo kale inay aqoonsadaan oo ay gartaan in Soomalidu ay
karti fiican u yeelan karaan inay lafahooda wax u qabsadaan.
Hordhac (Introduction)
1 www.foreignpolicy.com/failedstates
(Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).
2 Antonio Guterres, United Nations High Commissioner for Refugees, July 2011.
3 www.transparency.org/policy research/surveys indices/cpi/2010/
results (Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).
4 Economist, 371, 2004, p. 58.
5 Weedhaan amma ereyadan waxay had iyo jeer ku soo baxaan oo lagu arkaa warbixinnada warbaahinta, tusaale ahaan, Peter
Hughes, Daily Telegraph, 13 May 2011.
6 www.foreignpolicy.com/articles/
2009/02/16/the most dangerous
place in the world (Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011), www.bbc.co.uk/news/
uk-politics-14558721 (Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).
7 Richard Burton, First Footsteps
in East Africa (New York: Dover, 1987 [1856]), vol. 1, p. 122.
8 Ioan Lewis, Understanding Soomaaliya and Somaliland (London:
Hurst and Co., 2008), p. 25.
9 James Rennell Rodd, Social and Diplomatic Memories 1894-1901, 1923.
10 Scott Peterson, Me Against My Brother (New York: Routledge, 2002),
p. 1.
1 Beelaha iyo Dalka (Clan and country)
1 Richard Dowden, Africa: Altered States, Ordinary Miracles (London:
Portobello, 2008), p. 93.
2 www.facebook.com/#!/pages/
Somali-Camel/111689282692 (Markii ugu danbaysay ee la eegay January 2011).
3 John Drysdale, The Somali Dispute (New York: Praeger, 1964), p. 10.
4 Ioan Lewis, A Modern History of Soomaaliya (Oxford: James Currey, 2002),
p. 8.
5 Martin Murphy, Soomaaliya: The
New Barbary? (London: Hurst and Co.,
2011), p. 18.
6 Ioan Lewis, Understanding Soomaaliya and Somaliland (London:
Hurst and Co., 2008), p. 3.
7 Ibid., p. 56.
8 Lewis, A Modern History of
Soomaaliya, p. 10.
9 Michael Walls, ‘The emergence
of a Somali state’, African Affairs,
108(432), 2009, p. 377.
10 Nuruddin Farah, From a Crooked Rib (London: Heinemann,
1970), p. 13.
11 Nuruddin Farah, Gifts (Cape Town: Kwela Books, 2001), p. 197.
12 Lewis, Understanding Soomaaliya and Somaliland, p. 23.
13 B. W. Andrzejewski and Sheila Andrzejewski, An Anthology of Somali Poetry (Bloomington: Indiana University Press, 1993), p. 32.
14 Ibid., p. 78.
15 www.bbc.co.uk/news/
world-africa-12246627 (Markii ugu danbaysay ee la eegay
August 2011). Si aad u aragto Cabdirashiid Cumar oo af-Soomaali ku
tirinaya gabygiisa, eeg www.youtube.com/watch?v=MrXh3ceV MA.
16 Si aad u hesho faahfaahin ku saabsan naanaysaha Soomaalida, fiiri qoraallada ‘Somali (nick)names and their meanings’ ee Marcus Hoehne iyo Muuse Cali Faruur
iyo Axmed Cabdullahi Du’aale ee Marcus Hoehne iyo Virginia Luling (eds), Peace and Milk, Drought and War ( London: Hurst and Co., 2010), pp.8345-63.
17 Qayb ka mid ah waraysigan waxa markii hore laga sii daayey idaacadda caalamiga ah ee BBC-da sannadkii 2011. Qaybo lagu xusay buuggan waxa lagu sii daayey barnaamijyo aan u sameeyey BBC-da; qaybo kalena waa agab assal ah oo aan xigasho ahayn.
18 Lewis, A Modern History of Soomaaliya, p. 1.
19 UNDP, Soomaaliya’s Missing Million:
The Somali Diaspora and Its Role in Development, 2009.
20 Virginia Luling, ‘Genealogy as theory, genealogy as tool: aspect of Somali “clanship”‘, Social Identities:
Journal for the Study of Race, Nation and Culture, 12(4), July 2006.
21 Drysdale, The Somali Dispute,
p. 8.
22 Lewis, Understanding Soomaaliya and Somaliland, p. 23.
2 Taariikhda (History)
1 John Drysdale, The Somali Dispute (London: Pall Mall Press, 1964),
p. 21.
2 Ioan Lewis, A Modern History of Soomaaliya (Oxford: James Currey, 2002),
p. 5.
3 Harold Nelson (ed.), Soomaaliya:
A Country Study (Washington, DC:
American University Press, 1982), p. 7.
4 Tom J. Farer, War Clouds on the Horn of Africa: A Crisis for Detente (New York: Carnegie, 1976), p. 54.
5 War Office, Official History of the Operations in Somaliland, vol. 1,
1907, p. 192.
6 Abdi Sheikh-Abdi, Divine Madness (London: Zed Books, 1993), p. 55.
7 Douglas Jardine, The Mad Mullah of Somaliland (London: H. Jenkins,
1923), p. 249.
8 Sheikh-Abdi, Divine Madness, p. 77.
9 Farer, War Clouds on the Horn of Africa, p. 62.
10 B. W. Andrzejewski and I. M.
Lewis, Somali Poetry: An Introduction (Oxford: Clarendon Press, 1964), p. 57.
11 Dr Abdirashid Ali Sharmarke,
The Somali Peninsula: A New Light on Imperial Motives, London, 1962.
12 The Issue of the Northern Frontier District, White Paper issued by the Somali government, Mogadishu, 1963.
13 Drysdale, The Somali Dispute,
p. 162.
14 Sir Gerald Reece, The British Survey, Main Series no. 98 (London:
Colonial Office, 1952), quoted in Said Samatar, Soomaaliya: Nation in Search of a State (Boulder, CO: Westview Press,
1987).
15 Iqbal Jhazbhay, Somaliland:
An African Struggle for Nationhood and International Recognition (South Africa: Institute for Global Dialogue and South African Institute for International Affairs, 2009), p. 13.
16 Ioan Lewis, Making and Breaking States in Africa (Lawrenceville, NJ:
Red Sea Press, 2010), p. 89.
17 Mark Bradbury, Becoming Somaliland (London: Progressio,
2008), p. 73.
18 Ibid., p. 48.
19 Ibid., p. 92.
20 Warbixin guddida la-socodka arrimaha Soomaaliya ee UN, 10 March 2010.
21 Said Samatar, in Marcus Hoehne and Virginia Luling (eds), Milk and Peace, Drought and War (London:
3 Xarakada Islaamiyadda (Islamism)
1 Human Rights Watch, Harsh
War, Harsh Peace, April 2010, www. hrw.org/reports/2010/04/13/harshwar- harsh-peace (Markii ugu danbaysay ee la eegay,
August 2011).
2 Ioan Lewis, Saints and Somalis:
Popular Islam in a Clan-based Society (London: Haan, 1998), p. 25.
3 Stig Jarle Hansen and Atle Mesoy, The Muslim Brotherhood in
the Wider Horn of Africa, NIBR, p. 40, www.nibr.no/uploads/publications/
06d76b6e0d14594c9a753c487ed50e51.
pdf ( August 2011). Markii ugu danbaysay ee la eegay
4 International Crisis Group,
Soomaaliya’s Islamists, 2005, p. 1, www. crisisgroup.org/en/regions/africa/ horn-of-africa/Soomaaliya/100-Soomaaliyasislamists. aspx (Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).
5 Ibid., p. 7.
6 Ken Menkhaus, Soomaaliya: State Collapse and the Threat of Terrorism,
IISS Adelphi Paper 364, p. 56.
7 Roland Marchal, ‘Soomaaliya: a new front against terrorism’, SSRC blog,
2007, www.hornofafrica.ssrc.org/ marchal/index1.html (last accessed August 2011).
8 Cedric Barnes and Harun Hassan,
The Rise and Fall of Mogadishu’s Islamic Courts, Chatham House, 2007, www.chathamhouse.org/publications/
papers/view/108453 (Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).
9 Lagu xusay Anna Lindley,
‘ Leaving Mogadishu: towards a sociology of conflict-related mobility’,
Journal of Refugee Studies, 2010.
10 Odhaah Al-Shabaab soo saartay, February 2010.
11 Warbixin guurtida khubarada UN,
2010, p. 6, www.un.org/ga/search/
view doc.asp?symbol=S/2010/91 ( March 2011).
12 IRIN, Markii ugu danbaysay ee la eegay April 2010.
13 Warbixin khubarada UN,
2010, p. 30.
14 Andrea Elliot, ‘A call to jihad, answered in America’, New York Times,
12 July 2009.
15 FBI report, 2009.
16 FBI report, 2010.
17 Ibid.
18 Elliot, ‘A call to jihad’.
4 Qaran Fashilmay? (A failed state?)
1 www.foreignpolicy.com/failedstates
(Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).
2 Noam Chomsky, Failed States:
The Abuse of Power and the Assault on Democracy (New York: Metropolitan,
2006).
3 Robert I. Rotberg, ‘The new
nature of nation-state failure’, Washington Quarterly, 25(3), 2002, p. 85.
4 Ian Birrell, ‘It’s time the world listened to new stories out of Africa’,
Observer, 20 February 2011.
5 Peter Little, Soomaaliya: Economy without State (Oxford and Bloomington:
James Currey and Indiana University Press, 2003), p. xv.
6 Benjamin Powell, Ryan Ford and Alex Nowrasteh, ‘Soomaaliya after state collapse: chaos or improvement?’,
Independent Institute, November 2006.
7 Ibid.
8 Peter Leeson, Better Off Stateless: Soomaaliya before and after state collapse, West Virginia University,
2006.
9 www.unhcr.org/4ca602a66.html
(Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).
10 Little, Soomaaliya: Economy without State, p. 8.
11 Anna Lindley, ‘Between “dirty money” and “development capital”‘,
African A!airs, August 2009, p. 528.
12 Little, Soomaaliya: Economy without State, p. 166.
13 Ibid., p. 37.
14 Ibid., p. 91.
15 Ibid., p. 131.
16 Lindley, ‘Between “dirty money” and “development capital”‘, p. 539.
17 Focus on Africa, April-June 2011.
18 Lindley, ‘Between “dirty money” and “development capital”‘, p. 523.
19 news.bbc.co.uk/1/hi/world/
africa/4020259.stm (Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).
20 Mark Bradbury, Becoming
Somaliland (London: Progressio,
2008), p. 1.
21 Iqbal Jhazbhay, Somaliland:
An African Struggle for Nationhood and International Recognition (South Africa: Institute for Global Dialogue and South African Institute for International A9airs, 2009), p. 14.
22 Bradbury, Becoming Somaliland, p. 93.
23 Ibid., p. 106.
24 Ibid., p. 242.
25 Michael Walls, ‘The emergence
of a Somali state’, African Affairs,
108(432), 2009, p. 389.
26 Rageh Omaar, ‘The jihadists
next door’, Guardian, 6 July 2010.
5 Budhcad-Badeedda (Piracy)
1 Waxa jira buugaag iyo sheekooyin badan oo sii kordhaya oo laga qoray budhc-badeedda Soomaalida, iyo weliba sheekooyin si toos ah looga soo xigtey dadkii la qabsaday ee budhcad-badeeddu afduubka u haysatey. Waxa ka mid ah qoraalladaasi: Paul iyo Rachel Chandler, iyo Sarah Edworthy, Hostage: A Year at Gunpoint
with Somali Gangsters (Edinburgh:
Mainstream, 2011), Colin Freeman,
Kidnapped: Life as a Somali Pirate Hostage (Wolvey: Monday, 2011), iyo Elmore Leonard, Djibouti (London:
Weidenfeld iyo Nicolson, 2011).
2 business.timesonline.co.uk/ tol/business/industry sectors/banking and 2nance/article4727372.ece
(Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).
3 Ecoterra International Counter­Piracy Updates.
4 oneearthfuture.org/images/imagefiles/The%20Economic%20Cost%200f %20Piracy%20Full%20Report.pdf (Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).
5 news.bbc.co.uk/1/hi/7824353.
stm (Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011); www. guardian.co.uk/world/2009/jan/10/
sirius-star-Soomaaliya-pirates-drown (Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).
6 Stig Jarle Hansen, Piracy in the Greater Gulf of Aden: Myths,
Misconceptions and Remedies, NIBR,
2009, p. 12.
7 Ibid., p. 8.
8 news.bbc.co.uk/1/hi/world/
africa/8061535.stm (Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).
9 Je9rey Gettleman, ‘Soomaaliya’s pirates flourish in a lawless nation’,
New York Times, 30 October 2008.
10 Ibid.
11 Warbixintii Golaha ammaanka ee UN, March 2010, p. 39.
12 AP, November 2008.
13 Ibid.
14 Shir Jaraa’id, Safaaradda Maraykanka,
London, February 2011.
15 Hansen, Piracy in the Greater Gulf of Aden, p. 41.
16 Ibid., p. 34.
17 Macluumaadka la xidhiidha anshaxa hawlgalka waxan helay mar aan samaynayey xog-baadh bishii July ee 2011, aanan u samaynayey guddida la socodka hubka yaryar.
18 Reuters, November 2008.
19 Ibid.
20 BBC, April 2009.
21 Colin Freeman, ‘Somali pirates
on trial in Holland’, Daily Telegraph,
138June 2010.
22 Ibid.
23 Kaija Hulburt, The Human
Cost of Somali Piracy, June 2011, p.813, oceansbeyondpiracy.org/cost-ofpiracy/
human-cost-somali-piracy (Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).
24 Ibid., p. 17.
25 Ibid., p. 17.
26 Dipendra Rathore, ‘Experience:
I was kidnapped by Somali pirates’,
Guardian, 11 June 2011.
27 www.marad.dot.gov/ documents/EUNAVFOR Surviving Piracy
Seafarers Lea:et v2.pdf (Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).
28 Hansen, Piracy in the Greater Gulf of Aden, p. 30.
6 Soomaaliya iyo Adduunka Dibadda (Soomaaliya and the outside World)
1 Anna Lindley, ‘Between “dirty money” and “development capital”‘,
African A!airs, 108(433), 2009, p. 539.
2 BBC, 3 September 2010.
3 Ereygan waxa bixiyey qoraaga Jim Hoagland oo wax ku qora jariidadda the Washington Post columnist Jim, waxanu ka hadlayaa faragelintii Marayanka ee Soomaaliya ee sannadkii 1993.
4 Odhaah ka soo baxday Aqalka Cad ee Maraykanka, Washington, DC, 7 November 2001.
5 Qorshaha Istaraatijiyadeed ee Dawladda Maraykanka, White House, September 2002.
6 Qorshaha Istraatijiyadeed ee Maraykanka, White House,
March 2006.
7 Marcus Virgil Hoehne, African Arguments blog, SSRC, 2009,
hornofafrica.ssrc.org/Soomaaliya/ (Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).
8 Bronwyn Bruton, Soomaaliya: A New Approach, Council on Foreign Relations, 2010, p. 8.
9 BBC, 13 September 2011.
10 Ibid., p. 19.
11 Warbixintii Guurtida la-socodka arrimaha Soomaaliya ee UN, 10 March
2010, p. 6.
12 Taar ay direen dibloomaasiyiinta Maraykanku, ‘Soomaaliya – TFG prime minister worried about
rival organization, anxious for USG help’, Wikileaks, 2009.
13 Chris Mullin, A View from the Foothills (London: Pro2le, 2009), p.8503.
14 Warbixin guddida la-socodka arrimaha Soomaaliya ee UN,, 10 March 2010, p. 54.
15 Jeffrey Gettleman, Mark Mazzetti iyo Eric Schmitt, ‘U.S. relies on contractors in Soomaaliya con:ict’, New York Times, 10 August 2011.
16 Taar ay direen diblomaasiyiin Maraykan ahi, ‘Carter informed that UK to increase Soomaaliya
engagement’, Wikileaks, 2009.
17 Marcus Virgil Hoehne,
Africa Arguments blog, SSRC, 2009,
hornofafrica.ssrc.org/Soomaaliya/ (Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).
18 Warbixin guddida la-socodka arrimaha Soomaaliya ee UN, 10 March 2010, p. 7.
19 Ibid., p. 24.
20 Taar ay direen diblomaasiyiin Maraykan ahi, ‘An Eritrean overture to the United States’,
Wikileaks, 2009.
21 Human Rights Watch, Welcome to Kenya, June 2010.
22 Taar ay direen diblomaasiyiin Maraykan ahi, ‘A portrait of Al Shabaab recruitment in
Kenya’, Wikileaks, 2009.
23 Warbixin guddida la-socodka arrimaha Soomaaliya ee UN, 10 March 2010, p. 25.
24 Taar ay direen diblomaasiyiin Maraykan ahi, ‘A portrait of Al Shabaab recruitment in
Kenya’, Wikileaks, 2009.
Gabagabo (Conclusion)
1 Guddida ICG ee International Crisis Group,
Soomaaliya: To Move Beyond the Failed
State, 2008.
2 Bronwyn Bruton, Soomaaliya: A New Approach, Council on Foreign Relations, 2010, p. 5.
3 Mark Bradbury, Becoming Somaliland (London: Progressio,
2008), p. 6.
4 Warbixin guddida la-socodka arrimaha Soomaaliya ee UN, 10 March 2010,
p. 6.
(Bibliography)
Ali, A. H. (2007) Infidel, London:
Simon and Schuster.
Andrzejewski, B. W. and S. Andrzejewski (1993) An Anthology of Somali Poetry, Bloomington: Indiana University Press.
Andrzejewski, B. W. and I. M. Lewis (1964) Somali Poetry: An Introduction,
Oxford: Clarendon Press.
Bowden, M. (1999) Black Hawk Down:
A Story of Modern War, New York:
Atlantic Monthly Press.
Bradbury, M. (2008) Becoming Somaliland,
London: Progressio.
Chomsky, N. (2006) Failed States: The Abuse of Power and the Assault on Democracy, New York: Metropolitan.
De Waal, A. (2004) Islamism and Its Enemies in the Horn of Africa,
London: Hurst and Co.
Dowden, R. (2008) Africa: Altered States, Ordinary Miracles, London:
Portobello.
Drysdale, J. (1964) The Somali Dispute,
New York: Praeger.
(1994) Whatever Happened to Soomaaliya, London: Haan.
Elmi, A. E. (2010) Understanding the Somali Conflagration, London:
Pluto.
Farah, N. (1970) A Crooked Rib,
London: Heinemann.
(1986) Maps, London: Penguin.
(1998) Secrets, New York: Arcade.
(2001) Gifts, Cape Town: Kwela Books.
Farer, T. (1976) War Clouds on the Horn of Africa: A Crisis for Detente, New York: Carnegie.
Hoehne, M. and V. Luling (eds) (2010)
Peace and Milk, Drought and War,
London: Hurst and Co.
Warbixinnada ICG (International Crisis Group) ee ku saabsan Soomaaliya,
www.crisisgroup.org/en/regions/
africa/horn-of-africa/Soomaaliya.aspx
(markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).
Jardine, D. (1923) The Mad Mullah of Somaliland, London: H. Jenkins.
Jhazbhay, I. (2009) Somaliland: An African Struggle for Nationhood and International Recognition,
South Africa: Institute for Global Dialogue and South African Institute for International Affairs.
Leonard, E. (2011) Djibouti, London: Weidenfeld and Nicolson.
Lewis, I. (1961) A Pastoral Democracy, Oxford: James Currey.
(1998) Saints and Somalis: Popular Islam in a Clan-based Society,
London: Haan.
(2002 [1980]) A Modern History of Soomaaliya, Oxford: James Currey.
(2008) Understanding Soomaaliya and Somaliland, London: Hurst and Co.
(2010) Making and Breaking States in Africa, Lawrenceville, NJ: Red Sea Press.
Lindley, A. (2010) The Early Morning Phone Call: Somali Refugees’ Remittances, New York: Berghahn Books.
Little, P. (2003) Soomaaliya: Economy without State, Oxford and Bloomington: James Currey and Indiana University Press.
Menkhaus, K. (2004) Soomaaliya: State Collapse and the Threat of Terrorism, International Institute for Strategic Studies and Oxford University Press.
Mohamed, N. (2010) Black Mlamba Boy, London: HarperCollins.
Mullin, C. (2009) A View from the Foothills, London: Profile.
Murphy, M. (2011) Soomaaliya: The New Barbary?, London: Hurst and Co.
Nelson, H. (ed.) (1982) Soomaaliya: A
Country Study, Washington, DC:
American University Press.
Omaar, R. (2006) Only Half of Me, London: Viking.
Peterson, S. (2002) Me Against My Brother, New York: Routledge.
Samatar, A. (1994a) Socialist Soomaaliya: Rhetoric and Reality, London: Zed Books.
(ed.) (1994b) The Somali Challenge:
From Catastrophe to Renewal?,
Boulder, CO: Lynne Rienner.
Samatar, S. (1987) Soomaaliya: A Nation in Search of a State, Boulder, CO: Westview Press.
— (1991) Soomaaliya: A Nation in Turmoil, London: Minority Rights Group. Sheikh-Abdi, A. (1993) Divine Madness, London: Zed Books.