Būgta qorāga: Sheekh Axmed Xaaji Abuubakar

Tubta Horumarinta Buntlaan

Tubta Horumarinta Buntlaan

Khariidadda Dawlad-Goboleedka Buntlaan

BOX 6118, 175 06 JARFALLA STOCKHOLM, SWEDEN
www.scansom.com
scansom@scansom.com
scansom@hotmail.com

ISBN : 978-91-85945-94-8

First Edition, 2016 © All Rights Reserved

TUSMADA BUUGGA

Hadiyeen
Mahadcelin
Ararta Qoraaga
Afeef
Qaybta laad
Qaybta 2aad: Wasaaradaha iyo Waajibaadkooda
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga
Wasaaradda Maaliyadda, Qorshaynta iyo Ganacsiga
Wasaaradda Waxbarashada, Tacliinta Sare iyo Hiddaha
Wasaaraddaa Caafimaadka
Wasaaradda Diinta iyo Caddaaladda
Wasaaradda Warfaafinta
Wasaaradda Dumarka iyo Arrimaha Bulshada
Wasaaradda Beeraha, Kaluumaysiga, Dhirta iyo Xoolaha
Wasaaradda Hawlaha Guud
Taariikdha Raas Casayr
Minnaaradda Fransesko Kirisbi
Mandiqadda Raas Casayr
Nabadgelyada Buntlaan
Habaynta Magaalooyinka
Qaadka iyo Shartiisa
Qaybta 4aad Khaatumo
Gebogebo iyo Gunaanad
Raad-Raac

Hadiyeen

Waxaan u hadiyeynayaa buuggan cid kasta oo madax ka noqota Dawlad-Goboleedka Buntlaan oo inta karaankeeda ah ugu maamusha Buntlaan (Dhulka Udgoonka) tubta horumarinta iyo dawlad wanaagga si ay ku jirto daacad, firfircooni, karti iyo hufnaaan kaddibna ay u noqoto dawlad wacan oo casri ah oo waxtar u yeelata ummadda ku dhaqan.

Qore
Sheekh Axmed Xaaji Abubabakar

Mahadcelin

Waxaan mahad mug weyn u celinayaa cid kasta oo gacan iga siisay dhammeystirka iyo gabagabeynta buuggan iguna biirisay talo iyo flkradba. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Samiira Axmed iyo Sahra Axmed oo intii aan buuggan qorayey iga siiyey gacan wax-ku-ool ah. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa faafiye Maxamad Sheekh Xasan ee ah madaxa Mu’asasada Skaansoom, iyo Mudane Maxamed Ismaaciil Muumin (Caluula) oo isna gacan iga siiyey.

Ararta Qoraha

Markii aan bilaabayey qoraalkan uguma talo gelin in aan qoro buug ka kooban bogyaal farabadan ee wuxuu ahaa oo keliya ku talo galkaygu in aan u qoro dhawr bog oo aan ugu gudbinayo madaxda berri qabaneysa talada dalka naseexo, tusaale iyo siday ila tahay in lagu hormarin karo dawladda Buntlaan. Taasuna waxay igu dhalatay kolkii aan si weyn u dhaliilay u dareemayna in madaxdii isaga dambeysay talada Buntlaan ayna ka samayn wax badan oo horumarin oo la qaban karay, ayna ka gaabiyeen ama aan odhan karo wey ku guuldareysteen hawshaas. Arrintaas oo aan uga golleeyahay in aan ku baraarujiyo madaxda kusoo bixi doonta tartanka ka dhici doona dhawaan Buntlaan. Sidaas darteed waxaan ugu duurxuli madaxweynaha uu baarlamaanku soo dooran doono iyo wasiirrada uu isagu soo magacaabi doono mustaqbalka dhow ee doorashada kadib haddii Rabbi idmo.

Haddaba markii aan hawshii qoraalka muddo weday ayey fikradii qoriddu ila fogaatay kadib ayaan ku daray bogyaal iyo mawduucyo dhawr ahba. Waqtigaas la dhisay ilaa iyo hadda waxaa isaga dambeeyey saddex madaxweyne oo kala ah marxuum Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Mudane Maxamuud Boqor Muuse (Cadde) iyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole. Haddii laga fiiriyo dhinaca waxqabadka oo ay Buntlaan u baahan tahay midkoodna sidii shacbigu iyo dhulku u baahnaa wax uma qaban sababo jira oo kala duwan awgood oo kala ah:

Madaxweynihii 1aad ee Buntlaan Midane Cabdullaahi Yuusuf

Mudane Cabdullaahi Yuusuf, Eebbe ha u naxariistee, kuma qanacsaneyn madaxweynenimada Buntlaan ee wuxuu u hanqaltaagayey madaxweynenimada Soomaaliya laakiin u muday Buntlaan tiirarkii iyo astaamihii dawladnimo.

Madaxweynihii 2aad ee Buntlaan Mudane Cadde Muuse

Mudane Maxamuud Muuse Cadde, waxaa la odhan karaa waxaa waxqabadkiisii ugu muhimsanaa kamid ahaa isku-dayidda abuurintaanka mashaariic ay kamid ahaayeen dhismaha Garoonka Bosaaso inkasta oo uu qabyo kaga tegay laakiin hindisaheeda kaalin fiican ayuu ka qaatay, sidoo kale Maxjarka Xoolaha xilligiisii ayaa la hirgeliyey. Qabka ah dalka batrool baa ku jra ee ha la baaro iyadana kaalin fiican ayuu ku lahaa. Nasiib darro waxaa dhaawacay tabar darro iyo nidaam xumo hadheysay dawladdiisa oo ayan jirin wax lagu tilmaami karo kala dambeyn, maamul wanaag iyo waxyaalo kale. Waxaa kale oo guul weyn ahayd inuu xukunka dalka si nabadgelyo ah u wareejiyey markii lagaga guuleystay tartankii madaxweynanimada.

Madaxweynihii 3aad ee Buntlaan Mudane Cabdiraxmaan Faroole

Mudane Cabdiraxmaan Faroole waxaa lagu xasuustaa astaanka iyo maamulka dawladdiisa oo ka tayo fiicnaa labadii maamuul ee ka horreeyey. Waxqabadkiisii waxaa laga xusi karaa, xiriirka ay Buntlaan la leedahay caalamka oo sare u kacay. Heshiisyadii 1aad iyo 2aad ee Garoowe magaca Buntlaan sare ayey u qaadeen inkasta oo fulintooda uu gaabis badan kaga yimid gaar ahaan dhinaca federaalka. Dhismaha Madaxtooyada cusub waxyaabaha uu maamulka Faroole qabtay ayey kamid ahayd. Waxaa kaloo guul weyn ahayd inuu xukunka dalka si nabadgelyo ah u wareejiyey markii lagaga guuleystay tartankii madxweynenimada. Nasiib darro waxaa naafeeyey dawladdiisa tabar darro iyo 72 wasiir sida la xaqiijiyey in ku dhow oo dibindaabyeysey dakhligii dawladda oo badankoodu ama dhamaantood ayan lahayn wax-soo-saar dhaqaale oo ay u baahan yihiin oo kaliya biil, qaad iyo dhaqaale aad u badan oo keli ah. Weliba waxaa dhacday hay’adihii Qaramada Midoobey oo wax sandareerto ah u qaban jiray geyiga ay iyagu afka u dhigteen si ay u daboolaan baahidooda gaar ahaaneed.

Saddexdooduna kumay guulaysan fikrad ama qorshe wax-soo-saar iyo hal’abuurid ilo dhaqaale ama dawlad wanaag, arrintaas saddexdu waa ka sinnaayeen in kastoo la odhan karo Mudane Cabdullaahi Yuusuf haddii uu u hagarbaxo Buntlaan wuxuu dheeraa labada kale karti iyo hufnaan, waxaana dhab ah haddii uu jiro hab dawladeed oo waddanka u habeeya qorshe dhaqaale in wax weyn laga qaban karo Buntlaan loona beddeli karo dawlad casri ah oo ku tallaabsata horumar wax-ku-ool ah oo ku dayasho mudan.

Qore
Sheekh Axmed Abuubakar

Afeef

Sida aan horay ku soo sheegay buugganu wuxuu ka hadlayaa si ay ila tahay in lagu hormarin karo Buntlaan waana afkaar kasoo maaxatay maskaxdeyda iyo aniga oo goobjoog iyo xog’ogaalba u ahaa yagleeliddii Buntlaan ilaa waqtigan la joogo iyo aniga oo aad u jecel in Buntlaan halka ay maanta mareyso ka sii hormarsan oo aan is leeyahay haddii loo hagar baxo si weyn ayey uga hormari lahayd dhinac kasta oo laga eego, horumarka bulshada, siyaasadda, dhaqaalaha, nabadgelyada iyo dhawqaba.

Arrintaana waxaa lagu halbeegi karaa shacbigeeda oo leh dhaqan dawladeed, dulqaad iyo karti wax-soo-saarid, kolkii lagu biiriyo qaab abuurka dhulka Buntlaan oo ay ku dhantahay kaalimaha maadada caydhiin sida xoolaha, beeraha, macdanta iyo maadhka badda ee dhumucda weyn, taas oo aan u arko in laga gaabiyey. Saas awgeed waxaan ka cudurdaaranayaa ciddii u aragta in aan si gaar ah u bushiyey sida ay wax maamuleen ama hawlaha dawladeed ay la kacaa-kufeen ama xulquunkii ummadda u ititibin waayeen, yeyna u qaadanin in aan si gaar ah u bushiyey ama yeyna u qaadanin in aan ugu duurxulay dhinaca ay u badan tahay aafada Soomaalidu oo ah dhinac qabiil oo aad moodid in Soomaalidu guud ahaan dib ugu noqdaan boqolkiiba-99, aanse ugu cudurdaarayo hadimooyinka uu inagu geystay Dagaalkii Sokeeye ee ilaa iyo immika aynu kasoo boogo dhayan la’nahay.

Hadal iyo dhammaanti ha u qaato akhristaha sharafta leh iyo cid walba inaan uga danleeyahay oo keliya inaan wax toosi is leeyahay. Tan kale haddii aad ku aragtaan wax turxaan ah oo la xidhiidha qoraalka, higgaadda, weedha ama daabicidda haloo dulqaato oo hala ogaado af-Soomaaligu ma laha eraybixin suugaan, qoraal iyo eraybixin cilmiyeed midna, marka ruuxii bushinaya qoraalkan ha ku talo galo arrimahaas.

Ugu dambeyntii waxaan rajeynayaa kuwa qaban doona talada geyiga in Eebbe ku anfaco talooyinkan iyo kuwo ka fiican oo ku shubaya khaanadda horumarinta Buntlaan gaar ahaan, iyo tan geyiga Soomaalida guud ahaan. Qoraalkanu ma aha wax ku saleysan hab-xaqiijin cilmi ee waa hab-qorid khiyaali ah oo ka soo maaxday maskaxdeyda, aragtidayda iyo u-goobjoognimaday waayaha Buntlaan. Haddii ay jiraan meelo u baahan xigasho waxaan ku qori cidhifka u dambeeya buugga.

Akhris wacan.
Wabillaahi Tawfiiq.

Qaybta 1aad

Doorashada Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Dawladda Cusub ee Buntlaan (2014-2019)

Habka Wax Lagu Dooranayo

Siduu qorshuhu yahay waxay odayaashu soo xuli doonaan baarlamaan uu yeelan doono Buntlaan maalmaha foodda innagu soo haya waxaynu dooran doonnaa madaxweyne cusub bisha Janwari 8da 2014 oo dalka hoggaamin doona muddo dhan 5ta sano ee soo socota.

Haddaba habka wax lagu dooranayo ma aha mid caalami ah oo looga yaqaan wax doorashada xorta ah ee dimoqraadiyadda ah oo ku dhisan nidaamka hal qof iyo hal cod, haddaba haddii ay saas tahay ma aha wax qancin kara ummadda reer Buntlaan ama doorasho la odhan karo waa doorasho sax ah, waayo? Kuwa soo xulaya baarlamaanku ma aha kuwo dhawrsan. Guuxa shacbiga iyo dareenkiisa la xidhiidha xulashadaasuna ma yara! Si kastaba ha ahaato waxaan taladayda u jeedinayaa cidda wax dooraneysa, in kasta oo ahayd Buntlaan inay ka baxdo habka maanta wax loogu dooranayo oo aan waafaqsaneyn doorashada xaqa ah ama aan ahayn (standard) caalami ah in ay si xaq wax u moqoradaan oo Rabbi ka cabsi leh.

Talo-bixin ku socota oday dhaqameedyada

Immika waxaa socota qabanqaabadii ay kusoo xuli lahaayeen oday dhaqameedyada soo-jireenka ah ee Buntlaan baarlamaankii dooran lahaa madaxweynaha mustaqbalka. Sidaas darteed waxaan xusuusinayaa waajibka diiniga ah ama kan goboleed ee saaran oday dhaqmeedyada soo-jireenka in maanta ay ku jirto gacmahooda mas’uuliyad ku weyn Ilaahay agtiisa oo ah mustaqbalka ummadda ay matilaan madaxna u yihiin, sidaas darteed waa inay Eebbaha weyn ee abuuray ka cabsadaan waana in si aad ah uga fiirsadaan mas’uuliyaddaa oo ayna u xilan wax yar oo dan adduun ah ama eex qabiil oo ay soo xulaan dad waxgarad ah, aqoonna leh cabsida Rabbi ku weyn tahay.

Waajibaadka xildhibaaannada lasoo xuli doono

Xildhibaannada waxaan leeyahay waxaa idin hor imanaya tartamayaal u ordaya inaad u sharciyeysaan hantida dadweynaha reer Buntlaan iyo masiirkoodaba oo doonayaa inay u adeegsadaan danahooda gaarka ah iyo hanti tacab oo ay u xilanayaan waxay is leeyihiin wuxuu wax idiinka tarayaa adduunka ama eex qabiilkooda si uu qabiilku berri u soo doorto iyaga oo darbiga ka lalinaya wax u-qabadkii ummadda ee loo igmaday, waxaase dhici karta tartamayaasha qaarkood inay ummadda wax u qabtaan oo ay daacad ka tahay, waanad kala garan kartaan kan daacadda ah iyo kan kale. Haddaba doorta oo siiya codkiina kan daacadda aad u maleyneysaan ee shacbiga u hoggaamin kara himiladiisa, gaadhsiin karana 2020 doorasho xalaal ah oo xaq ah taasoo ah hal qof iyo hal cod. Waxaan idin leeyahay xusuusnaada Xadiiskii Nabigeenna (korkiisa naxariis iyo nabadgelyo ha ahaato): [Dhammaaantiin waxaad tihiin ilaaliyayaal, ilaaliye la arkana wuxuu mas’uul ka yahay waxa uu ilaalinayo, dhammaantiinna waa la idin weydiin waxa aad mas’uulka ka tihiin.] Ama sida uu yidhi. Waxaa xaqiiqa ah mas’uuliyadda ummadda reer Buntlaan inay korka idinka saaran tahay berrina Eebbe idin kula xisaabtami, sidaas darteed ku dadaala qofka ummadda si daacad ah wax ugu qabanaya idinka oo weliba kala xisaabtamaya haddii uu ka gaabiyo xilkiisa, aqoonna u leh waxa ay reer Buntlaan u baahan yihiin oo ah horumar iyo tubta toosan.

Shuruudaha iyo waajibaadka laga doonayo madaxweynaha la dooranayo.

  • Marka hore waa inuu noqdo qof aqoonyahan ah oo ugu yaraan haysta shahaado jaamicadeed,
  • Waa inuusan lahayn xidhiidh dagaal-ooge ama budhcad-badeed muddadii ay socdeen dagaallada sokeeye ama hawlaha budhcad-badeeddu.
  • Madaxweynaha la doorto waa inuu yahay ruux karti, aqoon, hufnaan iyo daacadnimo leh, lehna Alle-ka-cabsi weyn oo uu dadka iyo dalkaba ku hoggaamin karo tubta toosan, iyo
  • Inuu dalka u sameeyo dowlad ummadda wax u qabata, fulin kartana arrimahan soo socda:

Dawladdu waa noocee?

Marka hore dawladdu waa iney tiradeedu yartahay oo ayan ka badnayn 10 illaa 11 wasiir iyo 5 ilaa 7 wasiir-ku-xigeen, haddaba waxaa is-weydiin leh dawlad-goboleedka Buntlaan oo dakhligiisu iska kooban yahay oo qaarkii maamulo kale haystaan, qaar kalena ay yihiin gaadhi-waa oo aan wax dakhli ihiba kasoo gelayn misaaniyaddiisu ma qaadi kartaa in ku dhow 50 wasiir iyo wax ka badan? Jawaabtu waa maya. Haddaba waxaa marag-ma-doonta ah madaxweynihii u magacaaba wax ka badan intaa aan kor kusoo sheegay oo aan is-leeyahay iyagaaba badan, inuusan Buntlaan dacaad u ahayn oo uusan ku talo gelin inuu geyigan hormariyo oo sida aan filayo uu is leeyahay oo keliya beelaha raalli geli dan kastaba haka lahaadee, halkaasna uu ku lakhmay horumarkii Buntlaan ay mudnayd.

Si kastaba ha ahaato ee waxaa loo baahan yahay in loo magacaabo wasiir, agaasime ama shaqaale tayo leh aqoon u leh hawsha loo igmanayo ayna ka go’an tahay inay dadka, dalka iyo duunyadaba wax u qabtaan oo ay leeyihiin wax-soo-saar toos ah ama mid dadban. Sida ay ila tahay, boorsooyinka wasiirradu iyo hawlahooduba waa inay noqdaan sidan:

Wasaaradaha iyo waajibaadkoda:

  1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga:

Mar haddii uu waddanku yahay nidaam federaal ah waa in xoogga ay saarto wasaaradda arrimaha guduhu hagaajinta arrimaha gudaha Buntlaan, waxayna noqoneysa hawsheedu sida ay ila tahay sidan:
a) Wax-ka-qabadka degmooyinka dalka, habeynta iyo hawlgelinta dawladaha hoose ee hadda waddanku uu ka baaba’san yahay oo kala ah kan dawladaha hoose, gobollada iyo degmooyinka gaar ahaan. Nabadgelyada waddooyinka oo dakhli badani ka iman karo uu kuna baaqdo waqtigan la joogo. Sidaas darteed dakhliga laga heli doona waddooyinka iyo baabuurtu wuxuu noqon karaa sidatan:
b) Canshuurta (kalawdada) baabuurta ee sannadlaha ah oo la saaro lacag adeeg ah. Lacagtaas oo haddaba la qaado laakiin aan u shaqayn sidii la rabey oo ah in la hubsado in baabuurku uu si nabadgelyo iyo nadaafadi ku jirto uu waddooyinka u marayo.

Qaybta 2aad

Shatiga lahaanshaha (mulkiyaadda) baabuurta iyo cusbooneysiintiisa oo lacag la saaro iyo marka la kala gadanayo oo si sharci ah loola kala wareego oo sida hadda loola kala wareego oo sharcidarrada ah xad loo yeelo. Haddii dawladdu ay lacag saarato kala-wareejinta, lahaansha ay mid macquul ah oo aan u horseedeen inay dadku la dhuuntaan.

Oggolaansaha (leysanka) wadista dirawalada iyo cusbooneysiintiisa oo si dhab ah loo baadho in uu ehel u yahay dirawalnimada oo hadda meesha ka maqan oo ka indhaha dhawdhawga ka ah, ka laxaadka la’ iyo ka dhegaha la’ba ay kaxeeyaan baabuurta leysan la’aaan isna lacag la saaro.
Waa in anshax-xumada (mukhaalafaadka) baabuurta iyo nabad-gelyada wadayaasha guud ahaan lacag ganaax ah laga qaado.
Waa in loo abuuro Maxkamadda Maridda Waddooyinka iyo qaanuunka kala haga gaadiidka kala duwan ee dalka ka shaqeeya.
b) Nabad-gelyada gudaha: Waa in uu hawl geliyaa Booliska Isteeshimada, Daraawiishta, iyo Ciidamada Nabadsugidda oo qalabeysan oo tabobaran iyo qayb dharcad ah oo Sirdoon firfircoon ah.
c) Waa in Wasaaradda Arrimaha Gudaha uu xoog saaraa inuu abuuro ciidamo tayo, tabar, qalab iyo aqoonba u leh nabadgelyada waddooyinka iyo shilalka ka dhaca Buntlaan oo ay u badan yihiin oo ayna waxba ka qaban saddexdii maamul ama dawladihii xukunka iska beddelay.

Hawlaha Dawladaha Hoose

a) Dhulka:

Sida uu qorayo qaanuunka adduunku ayna qirayso Diinta Islaamku, dhulka ay xukunto dawladdu iyadaa leh maamulkiisa gaar ahaan marka ay soo gasho baahida danta guud, sidaas darteed waa in dhulka ku yaal xuduudaha degmooyinka guud ahaan waa in uu ku jiro gacanta dawladda, gaar ahaanna waa in ay ka taliso dawladda hoose xuduuddeeda oo ay bixintiisaa si uu uga mid noqdo ilaha dhaqaale ee minishiibiyada. Haddaba sida uu yahay nidaamka dhulku waxaa loo qaybiyaa labo dhinac:
1. Dhinac waxaa ku tagrifali kara dawladda hoose oo ruuxii u dhisanaya degaan ama maslaxad kale sida ganacsi, beer, ceel-biyood iyo wixi la mid ah waxay ku siineysaa dawladda hoose habka degaan oo ku-meel-gaar ah. Mar kasta oo maslaxad guud ay timaadana waa laga qaadi karaa? Lahaanshaha qofkaas waxay ahayd ku dhaqan ku-meel-gaar ah, waxaana sidaas oo kale loogu wareejin dhul kale oo uu ku dhaqmo iyo hantidii la qarameeyey magdhawgeedii.
2. Qaybta labaadi waxaa weeye ruuxii dhul doonaya oo ah qofka waddani ihi iyo kan waddanka maal-gashadayba inuu si mulki run ah u yeesho. Dawladda ayaa ka gadi oo ka qaadan mitir kasta oo dhulkaasu ka kooban yahay lacag habka loo yaqaan belanmiteriya marka lugu faafiyo Jariidada Rasmiga ah ee dawladda 30 maalmood kaddib sidaas oo ku mulkiyayo dhulkaas si rasmi ah.

Haddaba sida ku cad sharciga Islaamka ruuxu wuxuu ku mulkiyi karaa boqcad kamid ah dhulka dawladda inuu nooleeyo, waxeyna tahay noolayntu inuu ka dhiso dhismo lagu intifaacayo, beer miro laga cuno leh ama ceel biyo laga cabbayo. Nooleyntu ma aha calaamo boos-celis ah iyo wixi la mid ah oo lala sugo lib waqti kasta haku kacdo ee. Haddaba Su’aashu waxey tahay maxaa laga yeeli dadka rukumeystey laamiga dhinacyadiisa iyo meelo kalaba ee magaalooyinka waaweyn iyo tuulooyinka oo caddilay dantiisuna ay tahay mar uun in lagaa gato? Jawaabtu waxay tahay waa in loo qabto 3 illaa 12 bilood inuu ku dhisto haddii uu fulin waayo markaas in muddadaas kaddib dawladda hoose ay kala wareegi. Haddii arrintaas ay dawladdu fuliso waxaa kasoo bixi ilo dhaqaale iyo shaqo-abuur wax-ku-ool ah.
2. Waxaa kale oo dhaqaale fiican dawladda kasoo gelayaa in qof kasta dhulka uu sheeganayo laga canshuuro. Baaxadda ay le’egtahay inta la cabbiro ayaa mitir lagu dhufan kaddibna canshuur ayaa bil kasta la saarayaa. Dad badan oo dhulka boos celis u haystaa ayaa markaas ka yaacaya, dawladdana dhaqaale fiican ayaa kasoo gelaya.
Anigu waxaan ogahay dad badan oo ka yimid dibadaha (qurbajoog) oo rabey inay waddanka maal-gashadaan markii dhul dawladda ay ka waayeen, haddii ay damceen inay gataanna dhul qofkii ku habsaday ayuu kaga baayacay lacag ka badan tii uu ku maalgashan lahaa. Markaas kaddibna dib uga noqday ama gobollo kale u wareegay sida Xamar oo kale.
Dawladaha Hoose (munishiibiyada) waxaa laga rabaa inay shacabka u furaan wixii loo yiqiin faylka qoyska, si ay u helaan ilo dhaqaale, shaqo abuur farabadan oo ka imanaya iyo tirakoob guud, waxaa kale oo u keeni dhaqaale farabadan haddii ay dawladda hirgeliso gadidda waraaqaha dawladda hoos ku xusan:

  • Warqadda Dhalashada
  • Warqadda Sugnaanta Qofka
  • Warqadda Anshax-Wanaagga
  • Warqadda Aqoonsiga qofka deggan waddanka ama Teesaraha
  • Warqadda Dhimashada
  • Warqadda Guurka
  • Warqadda Furitaanka
  • Warqadda Faya-Dhawrka dadka ka shaqeeya goobaha cuntada, dukaamada, mukhaayadaha, foornooyinka, hudheelada iyo wixi la mid ah.
  • Warqadda Arji-u-qorashada Dawladda sida Maxaakimta, Dukumentiga Mulkiyadda Maguurtada sida jusuurta, beeraha, ceelasha iyo wixi la mid ah.
  • Warqadda Barwada (yeeritaanka) qaadiga u wicitaanka maxkamadaha.
  • Teesaraha Caafimaadka dadka gada farmashiyaasha.

Haddii intaa la sameeyo waxaa la heli: tira-koobta dadka deggan magaalooyinka iyo tuulooyinka. Waxaa la heli sugnaanta amniga iyo nabadgelyada.

Waxaa la heli shaqo-abuur iyo ilo dhaqaale oo farabadan. Waxaa abuurmi dawlad casri ah oo ay ka dhaqan-gasho sharci iyo kala-dambeyn.


b) Biyaha Magaalooyinka

Sida la ogyahay biyuhu waa halbowlaha nolosha bani-Aadamiga iyo noolaha oo dhan, dadka, dhirta iyo xoolahaba. Sidaa darteed waxaa laga rabaa dawladaha hoose in dadka deggan Buntlaan ay ugu talagasho biyo nadiif ah oo la isticmaaalo iyaga oo la kaashaneysa dawladda gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo tan Hawlaha Guud, waxaana dhab ah in Buntlaan ay ka jirto biyo-xumo ama biyo-la’aan baahsan taas oo ay keentay maamul-xumo shirkadaha biyaha u qaabilsan magaalooyinka waawaeyn sida Gumco oo kale.

c) Korontada.

Korantaduna waa halbowlaha nolosha banu-Aadamka ku nool adduunkan ama tiigsanaya horumar, sidaas darteed dawladaha hoose waxaa laga dooni in ay gobol, degmo iyo tuulo la arko ugu talogasho koronto joogto ah oo rakhiisna ah.

Waxaa kale oo dhacday in Buntlaan ay yimaadeen ganacsato Soomaali ah ama reer Buntlaan ah oo dooneysa maalgashi ama u yimaaden si ay u malgashadaan waddanka kaddibna la kulmeen koronto la’aan waayo kama jirto koronto joogto ah oo la isku hallayn karo Buntlaan, haddii ay magaalooyinka qaarkood ay wax ka iftiimayaan waa matooro ay shitaan muwaadiniinta qaarkeed haddii ay isku dayeen inay matooradaas sida gaarka ah loo leeyahay in ay koronto ka qaataan halkii kiilowaat waxaa loo xisaabayaa hal doollar kaddibna markii ay xisaab sameeyeen ayna arkeen inuusan isbixineyn ganacsigoodu ayey dib uga laabteen ama ay gobollo kale uga wareegeen oo ay ka ladifan yahay sicir-kiilaadku.

d) Arrimaha Qaxootiga

Buntlaan waxaa deggan dad fara badan oo u soo qaxay waqtigii dagaalladu, abaaruhu Soomaaliya ay ka jireen iyo dad ka kala yimid dawladaha aan deriska nahay sida Itoobiya, Keenya iyo Yaman ama kuwo aynaan deris ahayn sida dadka deggan qaaradda Hindiya. Haddaba dadkaa waxaa loo kala qaybin Soomaali iyo kuwo aan Soomaali ahayn:

1. Kuwa Soomaalida ah:

Caqliga ma gasho horumarna lagu gaari maayo dadkaas Soomaalida ihi in ay ku noolaadaan qaxooti in ka badan 20 sano ama weligoodba ka dhursugaya in la quudiyo oo keliya, waxay aniga ila tahay in ciddii dooneysa in ay ku noqoto halkii ay ka soo qaxday in dib loogu celiyo, ciddii rabta in ay sii joogto Buntlaan in la dejiyo loona abuuro shaqo iyo nolol ayna si toos ah uga mid noqdaan reer Buntlaan iyada oo aan loo fiirin qabiilka uu yahay iyo gobolka uu ka yimid midna, iyaga laftigooda oo aan u caal taageyn qabiilkii ay u dhasheen iyo gobolkii ay ka soo jeedaan midna. Dhulka Soomaaliya lama kala laha oo qof kasta oo Soomaali ihi wuxuu ka degi karaa waddanka halka uu rabo in uu ku noolaado sida ay ahaan jirtay ama dawladuhu u dhaqmaan.

2. Cidda aan ahayn Soomaali:

Dadka ajnabiga waxaa loola dhaqmi nidaamka iyo qaanuunka qaxootiga runta ah oo marka hore waxaa la siiyo deggenaansho ku-meel-gaar ah marka xigtana waxaa la siin jinsiyad haddii uu buuxiyo shuruudaha uu qorayo Dastuurka Soomaaliya qaybta Jinsiyad Soomaali siinta.

Caqliga ma gasho horumarna lagu gaari maayo dadkaas Soomaalida ihi in ay ku noolaadaan qaxooti in ka badan 20 sano ama weligoodba ka dhursugaya in la quudiyo oo keliya, waxay aniga ila tahay in ciddii dooneysa in ay ku noqoto halkii ay ka soo qaxday in dib loogu celiyo, ciddii rabta in ay sii joogto Buntlaan in la dejiyo loona abuuro shaqo iyo nolol ayna si toos ah uga mid noqdaan reer Buntlaan iyada oo aan loo fiirin qabiilka uu yahay iyo gobolka uu ka yimid midna, iyaga laftigooda oo aan u caal taageyn qabiilkii ay u dhasheen iyo gobolkii ay ka soo jeedaan midna. Dhulka Soomaaliya lama kala laha oo qof kasta oo Soomaali ihi wuxuu ka degi karaa waddanka halka uu rabo in uu ku noolaado sida ay ahaan jirtay ama dawladuhu u dhaqmaan.

2. Cidda aan ahayn Soomaali:

Dadka ajnabiga waxaa loola dhaqmi nidaamka iyo qaanuunka qaxootiga runta ah oo marka hore waxaa la siiyo deggenaansho ku-meel-gaar ah marka xigtana waxaa la siin jinsiyad haddii uu buuxiyo shuruudaha uu qorayo Dastuurka Soomaaliya qaybta Jinsiyad Soomaali siinta.

Wasaradda Maaliyada, Qorsheynta, Ganacsiga iyo Wershadaha waa in ay noqotaa mas’uuliyadeedu sida soo socota:

Waasaradda Maaliyadda, Qorsheynta, Ganacsiga iyo Wershadaha:

Maaliyadda

  • Waa in ay abuurtaa hey’adda hanti-dhawrka oo tayo leh oo u madaxbannaan hawlaheeda iyo sharciyadeeda oo ilaalisa hantida dawladda ee shacabku leeyahay.
  • Waa in ay sameysaa hey’adda dabagalka xisaabaad canshuuraha iyo dakhliga dawladda guud ahaan, oo aqoon leh oo hubisa shilin la arko oo soo galay khasnadda dawladda iyo kan ka baxaa halka uu galay hadday sax tahay waa sidii la rabey haddii ay qalad tahayna la ciqaabaa qofkii ka dambeeyey tagrifalka gaarka ah.
  • Waa In ay abuurtaa ilo dhaqaale oo kaaba dakhliga guud ee dawladda guud ahaan sida canshuuraha berriga ee tooska ah, kuwa dadban, faa’idul faa’ifa iyo gaar ahaan kan dawladaha hoose.

Qorshaynta:

Wasaaraddu waxaa looga baahan yahay inay abuurto Waax ka kooban aqoonyahanno dhaqaale iyo jaangooyaba oo si wacan ugu qorsheeya waxqabad dawladda oo ku jaango’an 3 ama 5 sano oo ah isu-dheeli-tirka miisaaniyadda dawladda iyo waxqabadkeeda oo qorsheysan.

3) Ganacsiga

a) Ganacsigu waa laba nooc:

  • Kan Dibadda: Gancsiga dibaddu wuxuu ku xiran yahay dawladda dhexe ee federaalka ah iyo kolba habka uu qeexayo qaanuunka nidaamka federaalku ee ganacsiga dibaddu ee waddanka guud ahaan.
  • Kan gudaha: Buntlaan waxay ka tirsan tahay dawladda federaalka, waxay igula habboon tahay in loo daayo ganacsiga maamulkiisa gudaha Qolka Ganacsiga iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Dawladda Buntlaan inkasta oo ay ka maqan tahay habkii dawliga ahaa sida bangiyadii kala habeyn lahaa LC-yada, taas oo ay dhacdo waxa aan dimo gaar ahaan, xoolaha nool oo uu ka jira dayac weyn iyo waxaa aan ka keensano dibedda gaar ahaan dekadaha Imaaraatka gaar ahaan Dubay.

Wershadaha


Wilaayadda Buntlaan waxaa si weyn loogu habayn karaa dhinaca wershadaha maxaa wacay? Ilaahay wuxuu ku manneystay dhul ay waxyaalo badan oo kaabayaasha wershaduhu ay ku dhan yihiin oo ay ka mid yihiin:

  • Buuraha waxaa laga sameyn karaa warshadda shamiintada, warshadda marmarka iyo waxyaalo kale oo ka qayb qaadan kara barwaaqada iyo horumarka Buntlaan.
  • Biyaha waxaa laga sameyn karaa warashadda korontada dhaliya, warshadda biyaha macaan ee la cabbo, waraabka beeraha iyo wershadda cusbada ee jeer hore ka jiri jirtay magaalada Hurdiya iyo soo-noolayntii warshadihii kalluunka.
  • Kalluunka: Buntlaan waxaa ku yaal dhawr wershadood oo kalluun sida tan Laasqoray ee toonaha iyo noocyo badan oo kamid ah kalluunka noocyahiisa kala duwan sida:

tan Laasqoray oo soo saari jirtay warshadeynta toonaha, sardiinka iyo noocyo badan oo kamid ah kalluunka oo haqabtiri jirtay baahida gudaha kaddibna una diri jirtay dibedda.

[Sawirkanu waa wershadda Laasqoray iyo qasacadaha toonada ee ay soo saarto]

[Sawirkanu waa qasacyadii oo ku socda hawlihii soo-saarka]

Warshadda Xaabo waxay soo sari jirtay warshadeynta toonaha, sardiinka iyo noocyo badan oo kamid ah kalluunka.

[Sawirkanu waa qasacadihii ay soo sartay warshaddu oo lagu gurayo kartoonnada]

[Sawirkanu waa warshadda Xaabo oo shaqaaluhu diyaarinayaan toonaha ay soo saarto]

Qaboojiyaha dekadda Boosaaso ee loogu talo galay in kalluunka iyo hilibka laga dhoofinayo dekadda lagu sii hakiyo inta gaadiidku uga imanayo iyo kuwo kaleba, haddii wershadahaas la hormariyo dibna loo soo nooleyo oo loo raadiyo maalgelin ay dawladda isu xilqaanto had iyo jeerna ay u tafo xaydato kormeerkeeda iyo ilaalinta maamulkeeda waxaa la hubaa inuu ka iman karo dhaqaale aad u sarreeya iyo shaqo abuur farabadan, waxaa wax lala yaabo ah innaga oo intaas oo warshadood leh iyo baddan sidaa u baaxadweyn ayaan dibadda kasoo dhoofsannaa kalluun qasacadeysan oo laga yaabo inuu yahay ka baddeenna laga jiriifo.

Beeyada ama Luubaanta:

Luubaantu faa’iidada ay u leedahay ganacsiga iyo dhoofinta ka sokow waxaa laga sameyn karaa warshado fudud sida: Dawooyinka, Udugga Barafuunnada oo kale iyo Xabagta Macaan ee la cuno sida xankookibka, cadaadda iyo wixii lamid ah iyo tan kharaarba sida malmalka iyo xodayga.

e) Xoolaha:

Xoolaha suuq-geynteeda ka sokow waxaa laga sameyn karaa tobanyaal warshadood oo ah nooca fudud iyo kuwa culusba sida: warshadda hilibka, tan magadeynta saamaha iyo hargaha, tan lafaha, tan dhiigga, tan uuska iyo kuwo kale oo kamid ah hargaha dhoofintooda. Intaas oo dhan waa maaddo cusub oo la wareejin karo. Sidaas awgeed waxaa laga dooni dawladda in ay ummadda ku geesinimo geliso sidii loogu beddeli lahaa Buntlaan gobol warshadeed sababta oo ah wuxuu leeyahay waxyaalo geesinimo gelin kara arrintaa. Dawladdu waa in ay karti u yeelataa iyo hal-abuur inay tusto shacabka gobolkan in dhulka uu ku nool yahay uu dhammaantii leeyahay kheyraad uu ku noolaan karo uuna si toos ah uga faa’iideysan karo shacbiga laftiisu, haddii maalgashi loo helana weyba kasii fiican tahay.

Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta, Tacliinta Sare, Dhaqanka iyo Hiddaha.

Wasaaraddu waa iney ka abuurtaa waddanka dugsiyo hoose dhexe oo ah waxbarashada asaasiga ah oo qasab ah dhammaan degmooyinka iyo tuulooyinka Buntlaan oo dhan. Waxaan xusuusnahay 1956dii in magaalooyin badan oo gobolka Bari ah siiba Raas Caseyr oo gaara ilaa 13 dugsi inay ka furnayeen waqtigii xukunkii AFIS-ka. Waxaana ka xasuusta dugsiyadaas Qandala, Caluula, Murcanyo, Dhurbo, Tooxin, Olog, Daamo, Wareegsan, Hurdiyo, Xaafuun, Baargaal iyo Benderbayla, waqtigan aan joogno intaas iyo Buntlaan oo dhan kama furna wax dugsi ah oo ay dawladdu si toos ah u maamusho, haddaba dawladdu waa inay u qabataa si degdeg ah arrimaha soo socda:

  • Waa iney hirgelisaa waxbarashada dadka waaweyn, tan dadban iyo tan xirfadeedba.
  • Waa inay abuurtaa sida ugu dhakhsaha badan dugsiga tababarka macalimiinta ee tacliinta asaasiga ah, ayna cayni qabataa manhaj waddani ah oo ku jaan go’an lana jaanqaada habka federaalka ee Soomaalidu qaadatay.
  • Waa in ay shaqaaleysaa kaadir kooban oo aqoon u leh waxbarashada, gaar ahaan agaasimaha guud ee waxbarashada iyo kuwa waaxahaba.
  • Waa in ay geesinimo gelisaa dugsiyada gaarka loo leeyahay oo ay u sameysaa waax u gaar ah si uu culeyska dhaqaale uga yaraado dawladda una ilaalisaa dugsiyadaa sida gaar ah loo leeyahay.
  • Dugsiyada sare iyo jaamacadaha waa in lala qorsheeyo habka federaalka ah ee waddanka Soomaaliya uu qaatay si loo helo shahaado mideysan oo caalamku ku kalsoonaado tixna geliyo, oo weliba si dhab ah looga tayeysiiyaa dugsiyada sare dhinaca macalimiinta, kutubta, laababka iyo maktabadaha.
  • Waa in ay wasaaraddu hirgelisaa guri weyn oo lagu soo bandhigo hiddaha iyo dhaqanka ama matxaf, kaas oo ay gacanta ku dhigaan dad tababar iyo khibrad u leh hawlaha matxafka, kaas oo hordhac u ah in gobolku yeesho ilo dhaqaale oo dalxiiska ka yimaadda, waxaana xaqiiqa ah in Buntlaan ay u leedahay karti dhaqaale oo dalxiis waayo? Waxay leedahay muuqaal xiriir-buuraley iyo dabeecado dalxiis.
  • Waxa ka shaqeeya Buntlaan jaamicado inta badan gobollada dalka oo qaarkood tayadoodu ay liidato oo aad moodid in reer la arko ama degmo walba ay furatay wax ay ku magacawday jaamicad, waxaa aad u habboon in si xawli ah loo tayeeyo si ay u noqdaan wax-ku-ool kaalintooda kasoo baxa ama gaadhsiisan heer caalami ah.

Habaynta Dugsiyada Iyo Daaru-Qur’aanada

Waxaa lagu arkaa xaafadaha iyo waddooyinka wax loogu magac daray dugsi Qur’aan oo qolka dugsiga derbiyadiisa bannaanka ah lagu xardhay far waaweyn oo sheegeysa qolka lagu dhigo Qur’aanka Kariimka ah waxaa lagu dhigaa waxbarashada asaasiga ah iyo tan sareba. Waxaaba dhacda in qaarkood lagu qoro waxaa lagu dhigaa heer jaamicadeed. Waxaa habboon in wasaaradda waxbarashadu iyo tan diintuba si dhab ah ugu kuur galaa ujeeddada hoose ee dugsiyadaas bal waxaa laga yaabaa in qaarkood ay u yihiin ilo dhaqaale xagjirka ama ay ku abuuraan ubadka afkaarta xagjirnimada.

Waxaa meelo badan oo xaafadaha magaalooyinka kamid ah ku yaal wax lagu tilmaamo dugsiyo gaar loo leeyahay oo iyaguna halka ay deggan yihiin lagu xardho ama idaacadaha laga sheego in dugsiganu yahay dugsi hoose, dhexe iyo sareba, ardada u qoranna ayan ka badneyn 30 arday, intaana wuxuu ku dara ardaygii dugsi dhexe ah dugsi sare ayaan u bootin kan dugsi hoose ahna dugsi dhexe ayaa la geyn. Sida muuqata dugsiyada noocaas ah waxaa loo furtay ganacsi iyo in laga raadiyo nolol maalmeed.
Si kastaba ha ahaatee dhibku waxuu ka jiraa ardada sida caadiga u dhigata dugsiyada akadeemiga ah ee habeysan in la luggoynayo, sidaas darteed waa inay wasaaraddu dugsiyadaas xad u yeeshaa.

Wasaaradda Caafimaadaka iyo Hey’adaha Qaramada Midoobey ee caafimaadka ka shaqeeya

Waxaa looga fadhiyaa wasaaradda caafimaadka iyo hey’adaha caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobey ee ku lug leh caafimaadka sida Ururka Caafimaadka Adduunka waxqabad dhab ah iyo inay tayeyso caafimaadka gobolka guud ahaan, si gaar ahna isbitaallada guud ee ay dawladdu maamusho, kuwa gaarka loo leeyahayna waa inay u sameyso sharci habeynaya iyaga dhexdooda iyo iyaga iyo macaamiishoodaba, waxaana laga dooni arrimaha soo socda:

Inay gobolka Buntlaan oo dhan ka hirgeliso isbitaallo iyo Em.Sii.Ej-yo (MCH) tayo leh dhinaca qalabka, daawada, dhakhtarrada iyo kalkaaliyaasha.

Waxaa laga rabaa Wasaaradda Caafimaadka inay hirgeliso takhasusaadka bukaan-socodyo, Em.Sii.Ej-yo tayo leh iyo umulisooyin xirfadlayaal ah oo tababbaran. Dhammaan gobolada iyo degmooyinka ay maamusho dawladda Buntlaan.

Waxaa wax lala yaabo ah in farmashiyaashu ay yihiin sida baqaaladaha ama macdaarada oo kale oo dadka gadaa ayan u lahayn daawooyinka wax aqoon ah innaba ha yaraatee oo ayan wax aqoon kororsi ah ama tababbar gaaban midna lahayn, meelaha daawada lagu gadana ayan qaboojiyaal lahayn, daawadana aan lagu kaydin dukaamo leh tallaajado loogu talo galay. Daawada qaarkeed innaga oo og cimilada Boosaaso oo kale inayan xamili karin daawadu, tan kale waxaa jirta daawooyin aan la gadi karin dagtoor amar la’aanti sida daawada la-dagaalanka noolaha oo sida nacnaca looga gato farmashiyaha taasna ay leedahay khatarteeda.

Dhakhtarrada ka hawlgala waddanka qaarkood waxay ka shaqeeyaan isbitaallada dawladda saacado kooban inta kalena waxay ka shaqeystaan bukaan-socodyo iyagu ay si gaar ay u leeyihiin, dhammaantoodna waxey leeyihiin

Bukaan-socodyo u gaar ah, waxaa wax lala yaabo ah haddii aad u timaaddo adiga oo ay qodaxi ku mudday waxay kuu dirayaan ugu yaraan 5 taxliil ama sheybaarid oo dhiig ah oo haddii loo dhabo-galo laababka ay dadka u dirayaan dadka jooga ayan u lahayn wax aqoon ah shaybaarka ay haystaan, laftigiisuna uusan lahayn wax tayo ah waxaa kamid ah waxyaalaha aan la yaabay gabadh aan dhalay oo qabta hargab oo qufaceysa ayaan u geeyey dagtoor isaga oo aan si fiican u baadhin ayuu yidhi kasoo qaad dhiigga laabjeexa, kadib ayaan ku idhi intaa aan ku maqanahay taxliilka dhiigga u sii qor fitamiin, sharoobo iyo wax qufaca ka joojiya markaas ayuu u qoray weyna ku biskootay qufacii dhiigna kama qaadin. Mar aan weydiiyey dhakhtar maxaad dadka ugu dirtaan dhiiggaan faraha badan ee midkiiba yahay 5 ama 10 doollar? Wuxuu iigu jawaabay maxay tari shanta doollar ee aragga hore.

Haddaba marka uu halkii ruux ee u yimaadaba uu ka qaado shanta doollar ee aragga hore ah iyo ugu yaraan shan dhiig oo min shan doollar ah wuxuu ruuxaa ka qaaday 30 doollar isku celcelis waxay noqon haddii uu qaabilo hal maalin 20 ruux ugu yaraan oo midkiiba uu ka qaado 30 doollar wuxuu heli maalintaas 600 (lix boqol) oo doollar oo ay u sii dheer tahay dawadii oo uu ka gadanayo farmashihiisa.

Haddaba waxaa is-weydiin leh yaa u maqan qofkaa miskiinka ah ee xanuunsan ee aan heli karin lacagtaas, aawayse dawladdii ka jirtay dalka ee la rabey inay ilaaliso xaqa qofka bani-Aadaamka ah ee reer Buntlaan? Aawayse wasaaraddii la rabey inay ka fekerto dadkaas dhibbanayaasha ah ee jiritaankoodu ku fadhiistay hanti dhaqashaddaa dhiigmiiradka ah ee aad foosha xun?

Waxaa dhacda in raadiyaha iyo telefishannada ay xayeysiiyaan hawlaha ay leeyihiin dhakhtaradaa leh bukaan-socodyada oo markii uu maqlo ruuxa waxgarad ihi uu ka yaxyaxayo, beenta laga sheegayo caafimaadka ee mararka qaarkood ceebtaba ah.

Waxaa jira isbitaalo ah oo gaar loo leeyahay oo iyaguna la mid ah buukaan-socodyadaa aan kasoo sheekeynay oo u shaqystaa sidaas oo kale oo iyaguna dhiigmiirta bukaanka danyarta ah oo iyaguna u baahan in lacagta ay dadka jirran ka qaadayaan xad loo yeelo.

Haddaba Wasaaraddu waa inay xal degdeg u hesho iyo hab caqliga gala oo ay caafimaadka ku tayeysiineyso kuna hormariso oo ay si dhib ah ugu guurgasho waxa waddanka ka socda ee la xidhiidha dhiigmiiradka caafimaadka iyo xuquuqda shacbiga dhibbanaha ah.

Wasaaradda Diinta, Caddaaladda iyo Ciidamada Asluubta

Wasaaradda Caddaaladda, Diinta iyo Ciidanka Asluubta waxaa laga sugayaa inay wax ka qabato arrimaha soo socda ee la xidhiidha garsooka iyo caddaaladda Diinta iyo Ciidamada Asluubta:

Arrimaha Diinta:

Sida la wada ogyahay bulshada Soomaalidu dhammaanteed waa Muslim weliba sunni ah, sidaas awgeed waxaa laga dooni Wasaaradda inay si dhiifoon uga war heyso arrimaha cusub ee kusoo kordhay ummadaha Islaamka ah iyo afkaarta xagjirka ah ama qaloocan sida Shiicada iyo kooxda takfiirka ah ee si xoog leh u joogta magaalooyinka Buntlaan, ee si fiican uga warqaba kooxda al-Shabaab ee galaafatay nolosha dad badan oo Soomaali ah.

Tan kale waa inay faraha ku dhigtaa kana warqabtaa waxa ka socda masaajidda oo ay kamid yihiin khudbadaha Jumcada iyo duruusta Diiniga ah ee laga siidaayo dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah iyo meel kasta oo ku lug leh arrimo Diineedka si waddanku ugu dabagalo fasaadka diineed iyo qaybaha kala duwan ee aan saxda ahayn ee sheeganaya Islaamka sida Shiicada, Tagfiirka ayan dawladdu ku baraarugsaneyn Daacish iyo intii la halmaashaba waqtigan.

Arrimaha Garsoorka:

Sida garsoorku u dhisan yahay wuxuu leeyahay marxalado kala duwan oo uu soo maro markii laga bilaabo dembi-baadhista Booliiska ama muxaqiqiinta taas oo kasoo billaabata Booliiska iyo saldhiyada kaddibna u soo gudbiya xeer-ilaaliyaha, garyaqaanka kuna soo dhammaada qaadiga iyo dacwadaha madaniga ah oo labada ruux ee wax isu qabtaa ay qaadiga isula tagaan, sidaas darteed waa in intaasu ay si toos ah isula shaqeeyaan si karti iyo hufnaani ku jirto. Sidaas awgeed wuxuu waddanku u baahan yahay Booliis iyo maxkamado tayeysan oo uu u dhan yahay dhammaan heerarka maxkamaduhu; heer degmo, heer gobol, tan racfaanka, tan sare iyo tan dastuurkaba, tan nabadgelyada waddooyinka; waana inuu u dhan yahay qalabkii xafiisyada maxkamaduhu iyo garsoorayaal aqoon, khibrad iyo kartiba u lahayd fulinta caddaaladda iyo garsooka dhabta ah.

Haddaba su’aashu waxay tahay garsoorku sidaa ma u dhisan yahay mana u tabareysan yahay? Jawaabtu wax waa ka jiraan hase yeeshee wax weyna ayaa kasii ah kana qaldan oo uu fahmi karo oo keliya ruuxii ay qadiyad ka gasho, sidaas darteed wasaaraddu waa inay fadhiga ka kacdaa oo ay daryeeshaa una hiilisaa caddaaladda Buntlaan.

Arrimaha Ciidamada Asluubta:

Wasaaraddu waa inay dib-u-habeyn ku samaysaa Ciidamada Asluubta oo ah tiro yar iyo tayo weyn, waana in Ciidamada Asluubta hawshooda caadiga ah ka sokow loo jeediyo ilo dhaqaale iyo wax-soo-saared, lana siiyo iyaga iyo maxaabiistaba tababbar farsamo sida najaaradda, alxanka, dhismaha iyo korontada wax-soo-saarkaas oo ku filan qalabeynta xafiisyada dawladda kabacdiina la suuq-geeyo qalabkaas ama qalabkaas oo wax weyn ka tari kara dhaqaalaha dawladda.

Haddaba arrintaas sida aan sheegay dhaqaalaha ka sokow ciidanka iyo maxaabistuba waxaa weeye xoog aan la dhayalsan karin oo meel iska yuurura faa’iido la’aan, tan kale waxay wax ka tari hawlgelintaasoo, saddex arrimood oo muhiim ah: tan 1aad jidhka maxaabiista iyo caafimaadkooda oo ku dhismi, tan 2aad waxay baranayaan xirfado ay ku shaqeystaan marka ay u ebyanto muddadii lagu xukumay iyo tax 3aad oo ah mooralkooda iyo dadnimadood oo sare u kaca.

Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta.

Wasaaraddan waxaa looga baahan yahay waxqabad xoog leh oo ku saabsan dhinacyada ay ka kooban tahay Wasaaraddu oo kala ah.

a) Dhinaca Warfaafinta

Waa inay abuurtaa warfaafin tayo leh oo ay xoogga saartaa telefishannada, raadiyaasha iyo wargeysyada oo ay u ceyni qabataa kaadir firfircoon, aqoon, karti iyo xilkasnimo leh, loona habeeyo barnaamijyo ku saleysan cilmi iyo hanuuninta dadweynaha iyo akhbaar sax ah gudaha iyo dibeddaba oo lagu faafiyo luqado badan, waana inay soo nooleysaa suugaanta sida heesaha, maadeyska, gabayada iyo fanka qaybihiisa kala duwan kuwaas oo wax ka taraya kicinta, hanuuninta dadweynaha iyo dhaqaalaha dhiiri gelintiisa dirgaba.

b) Dhinaca Boostada:

Waxaan filayaa kol haddii aynu qaadannay nidaam federaalka ah in boostadu raacsan tahay waxyaalaha u gaar ah dawladda federaalka, hase ahaatee dawladda Buntlaan ka tirsan federaalka waa inay qaybteeda tayeyso, waxayna ku habboon tahay wakaalad iskeeda u madax bannaan oo heer federaal ah oo wilaayad kasta ka shaqeysa, sida ay ku dhaqmaan dawladaha federaalka ah qaarkood.

c) Dhinaca Isgaarsiinta:

Haddii si wacan loo habeeyo canshuurta kasoo gelaya isgaarsiinta waddanka aad ayey u faro badan tahay sababta oo ah daqiiqadaha ku hadalka dibadda iyo guduhu oo lacag la dulsaaaro waxay gaarayaan malaayiin lacag ah, muddadii 20ka sano iyo wax la jira ahayd ayaa waxaa gacanta ku hayey dad ganacsato ah oo ka helay malaayiin lacag ah si aad ahna u hormariyey iyadoo ayan jirin dawlad ilaalisa ilaa iyo immika oo gacanta ku dhigta ilaha dhaqaale ee laga helo. Iska daaye waxey kamid tahay isgaarsiintu qalabka duminta amniga ee gabbaadka u ah xagjirka, marmarna si dadban ugu adeegta. Haddaba si ay dawladdu u xakamayso arrintaas ma fududa, waayo? Waa hab ku kobcay nidaam xakameyn la’aan ah kuna hana qaaday, si kastaba ha ahaatee dawladdu waa in ay u hesho khubaro dhaqaalyahanno ah oo si dhab ah u turxaanbixiya nidaamka isgaarsiinta oo ah sidan:

  • a) Wicitaanka dawliga ah oo gacanta ugu dhigtaa dawladdu si xirib leh oo ay u kontoroosha oo ay u heshaa qalab casri ah kaddibna ay canshuur saartaa.
  • b) Wicitaanka gudaha waa inay si toos dawladdu u kontaroosho daqiiqad la arko oo hirgasha waddanka gudihiisa oo la saaro canshuur waxey soo gelineysaa dalka dhakhli xad dhaaf ah.
  • c) Hawlaha shabakadda Internet-ka iyo dhaqaalaha laga doonayo oo la hantiyo iyana waxay abuuri kartaa dhaqaale aan la dhayalsan karin.

Waxa kale oo jira oo hab dawladeed u baahan in shaqaalaha dawladda kuwa ka shaqeeya isgaarsiinta, shirkadaha kala duwan iyo ruux kasta oo shaqaale ah, ha u shaqeeyo dawladda ama shirkadaha gaarka loo leeyahay loo sameeyo hab looga qaado mushaaharadkooda canshuurta loo yaqaan oo wax loogu qabanayo ummadda Wasaaraddan, Wasaradaha Dawladda iyo Hey’adaheeda oo dhani qiimo weyn bey u leeyihiin bulshada Buntlaan. Waa marka ay leeyihiin wax-soo-saarid toos ah ama dadban iyo u adeega bulshada bal caqliga ma gasho inay bulshada ay ku dul noolaadaan sida haatan wax yihiin. Sidaas awgeed waxaa la doonayaa in ayan noqon fadhiid magac-u-yaal ah sida ay hadda yihiin Wasaaradaha dawladda jirta ee ka kooban wax ka badan in ku dhow 70 iyo dhawr wasiir, kuwaas oo u baahaan dhaqaale, qayilaad iyo wax afka loogu guro oo keliya oo ay ila tahay oo keliya in looga faa’iideesto doorashada iyo raali gelinta reeraha ay ka dhasheen kaddibna wasiirada waxqabadkii ay ummadduna u qaban lahaayeen uu halkaa waxaa ka baxay kuna guul dareystay dawladda.

Wasaaradda Dumarka iyo Arrimaha Bulshada.

Arrimaha Dumarka iyo Qoyska:

Sida la ogyahay bulshadu waxay ka abuurantaa qoyska oo labadiisa tiir yihiin aabbaha iyo hooyada, sidaas darteed waa in la hagaajiyo labadaa tiir si bulshadu markeeda u hagaagto. Haddii ay bulshadu hagaagtana waxaa hagaagi waddanka kaddibna wuxuu gaadhi horumar, barwaaqo iyo bashbash.

Haddaba waxaa laga dooni wasaaraddan inay u qorshayso barnaamij lagu hormarinayo dumarka dhinaca caafimaadka si ay u dhasho ubad caafimaad qaba, aqoonta waxaa la yiraahdaa haddii hooyo waxaa la baro ummmad, sarana loo qaadayo wacyigooda Diineed iyo aqoontiisba oo sax ah, si ay u ababiyaan ubad ka toosan asaaska diineed, dhaqanka iyo hiddahaba.

Arrimaha Bulshada:

Waa inay abuurtaa wasaaraddu agaasinka ugu weyn uguna muhinsan oo ay tayeysaa, waa inay wasaaraddu si fiican u hormarisaa uguna tababusheysataa dhallinyarada iyo ciyaaraha, oo ay hirgelisaa garoomo ciyaaro oo kala geddisan oo heer caalami ah sida kan kubbadda cagta, seladda, laliska, gacanta, iyo wixi lamid ah; gegiyada ciyaaruhu waa iney noqdaan kuwo ka qaybqaata wax-soo-saarka, waana in tartamo loo qabtaa wareegto ah gobolada, degmooyinka, xaafadaha, dugsiyada, shirkadaha iyo jaamicadaha dhexdooda. Garoomada waa in loo habeeyo hab wax-soo-saar iyo qawaaniin dhaqaale oo u qaybisan dawladda iyo dhalinyarada ciyaareysaba.

Wasaaradda Beeraha, Xanaaneynta Xoolaha, Dhirta, Daaqa iyo Kalluumeysiga

Wasaaraddan markii looga hadlo guud ahaan waa wasaarad qiimo weyn u leh bulshada Buntlaan. Sidaas awgeed waxaa la doonayaa in ayan noqon fadhiid magac-u-yaal ah sida ay hadda tahay wasaaradani iyo dhammaan Wasaaradaha ay ka kooban tahay dawladdani. Haddaba marka aan uga hadalno waax waax iyo qayb qayb waxaan odhan karnaa sidan:

Beeraha:

Wilaayada Buntlaan hodan kuma aha beeraha sida la maleynayo, hase ahaatee haddii si dadaal ah oo cilmiyeysan looga shaqeeyo dhulka waxaa laga soo saari kara dalagyo miro ah oo waxtar leh waxaa berriga dhex burqanaya biyo iyo carro beereed wax ka bixi karaan sida galleyda, meseggada, digirta, sinsinta iyo wixi lamid ah oo dabooli kara baahida geyiga Buntlaan ay suuro geli kartana in loo iib-geeyo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba marka ay haqabtirto Buntlaan. Meelaha aan si gaar ah ugu tilmaami karo ee aan indhaheyga kusoo arkay ama aan ku warqaatay waxaa kamid ah:

a) Buuraha Calmadow (Golis) ee ku jeeda Badda Gacanka Cadmeed oo sida la ogyahay hodan ku ah ilo biyo oo durdur ah iyo dhul beereedba sidan aad sawiran ku arkaysaan.

[Waxaa sawiradan soo qaaday Cali Ducaale oo ka helaya kaalme Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo ah fayde ama kaashif ku hawlan soo if-bixinta khayraadka wilaayadda Buntlaan]

b) Kolkii mandiqaddaas buuroleyda ah si cilmiyeysan looga hadlo xilligan aan ku noolahay culimada joolijigu waxay ku tilmaameen inuu asalkiisu ahaa gobol kulul oo holcaya oo kasoo go’ay qorraxda oo ayan ku noolaan karin nafle iyo geedo midna sida uu Eebbe Qur’aankiisa kariimka ah ku sheegay aayadda:

Aayadda 30aad ee suuradda al-Anbiyaa, hase ahaatee Ilaahay wuxuu ugu talogalay inaan dhulka korkiisa ku dhaqanno markaas ayuu roobab badan ku shubay korkiisa si uu u noqdo meel ay noloshu ku suurtowdo, ilowse ilaa hadda dabaqaadkiisa hoose way korkarayaan waxaana u daliil ah burkaanta kasoo gufaacda meelaha kamid ah qaarkood, haddaba mandiqadda Calmadow iyo guud ahaanba Buntlaan waa mandiqadihii ay soo martay burkaantu, sidaas awgeed waxaa caado ah inay burkaantu soo saarto waxyaalo badan oo macdan ah iyo maaddada macdanta kamid ah ee loo yaqaan cilmi ahaan laafa ee dhulka si aad ah u bacrimisa, tan kale waxay sameysaa buuro dhaadheer iyo xidhiidh buuraley oo hodan ku ah ilo biyo, sida Karaamardha, tan Golis ee Calmadaw iyo Cal Bariba oo ay dhex ceegaagto macdanta noocyaheeda kala duwan.

  • b) Dhulka haddii si fiican looga faa’iideysto oo laga sameeyo dalagyo beero ah oo loo sameeyo waddooyin iyo hudheelo waxaan shaki ku jirin inuu dalka u keeni lahaa dakhli badan dhinaca beeraha iyo dalxiiskaba.
  • c) Dooxada Jibigale ee Nugaal, guud ahaanba iyo gaar ahaan Godanka Nugaal, meelo badan oo kamid ah gobollada Sool, Sanaag iyo Mudug. Sida dooxada Roox ee Mudug iyo meelo kale.
  • d) Midhaha iyo khudaarta: si aad u wacan ayaa looga soo saari karaa dhulkaa aan tilmaamay iyo Buntlaan guud ahaanba.
  • e) Timirta: Buntlaan waxay aad ugu fiican tahay dalagga timirta gaar ahaan mandiqadda Bari sidaa aan kusoo tilmaamay meelo kamid ah gobolka Gardafuul oo ahaan jirtey dhulka lagu yaqaan Geed Timireedka, waxaan ognahay timirtu iney qiimo weyn ku leedahay dhinaca nafaqada cuntada iyo ganacsigaba. waxaana jirta in aanu timirta kumanyaal tan kasoo gadano khaliijka, Iiraan iyo Ciraaq iyada oo dhulkeennu guud ahaan hodan ku yahay dalagga timirta gaar ahaanna gobolka Raas-Caseyr ama Gardafuul.
  • f) Beeyada ama Luubaanta: Luubaantu iyada oo u qaybsan dhawr nooc waxaa Eebbe ku maneystay Cal Bari waana geedka loogu magac daray Buntlaan, hadalkaas oo macnihiisu yahay Dhulkii Udgoonka ama dhulkii ilaahyada waayo? Kaniisadaha ama meelaha cibaadada ayey ku carfin jireen dadkii hore, geedkaasu qiima weyn buu u leyahay dhinaca ganacsiga kumanyaal tanna waxaa laga dhoofiyaa Buntlaan, wuxuu isaga baxaa iskii oo cidina ma abuurto, sida aan ku warqaatay guriddiisu waxay leedahay khatar badan, oo badanaa wuxuu ka baxaa buuraha dhaladooda ama dhagaxa korkiisa oo haddii uu la ruqo ruuxa guraya dib dambe looma arko raqdi iyo ruuxiisa toona.

Haddaba waxaa hubaal ah haddii lagu abuuro dhul siman biyana la siiyo wuxuu u bixi si qurux badan wax badanna dhiiqa. Arrintaas aniga ayaan ku talaabsaday oo waxaan ku beeray Dugsiga Cumar Cabdulcasiis ee Boosaaso daaraddiisa si lala yaabey ayuu uga baxay, wasaaradda waxaan kula talinayaa in ay sameyso barnaamij la xiriira horumarinta dhinaca dalaggiisa iyo habeynta canshuurtiisa intaba.

Xannaanada Xoolaha.

Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa ayna tahay waddamada adduunka ugu xoolo badan ha ahaadeen kuwa la dhaqdo ama kuwa cidoodka ah intaba. Wilaayada Buntlaan waxay tahay meelaha kamid ah waddanka ee si weyn loogu dhaqo xoolaha, geela, ariga iyo lo’daba walow aan lo’da si xawli ah loogu dhaqin. Isma laha tirada xoolaha guud ahaan lagu dhaqo Soomaaliya iyo nacfigoodu, sababta oo ah waxaa loo dhaqaa si aan cilmiyeysnayn oo bilaw ah oo ay dhacdaba inay dhulka xaalufintiisa iyo dadka dhaqaba ay dhibaato u keenaan siiba marka ay dhacaan abaaruhu ama roobabkuba yaraadaan ama ay baaqdaan xilliyadii la filayey,

Dejinta Xoolaha:

Dawladda Buntlaan iyo Soomaaliya oo dhanba waxay u baahan tahay in qorshe horumarin ah loo sameeyo xoolaha. Sida la ogyahay xooluhu waxay u daaq tagaan subaxii masaafo dheer oo dhan dhawr kiilomitir kaddibna ay kasoo laabtaan galabtii oo ay dhacdana in ayan helin daaq ku filan, kaddibna cadkooda iyo wax dhiiqooduba ay yaraadaan safarkaa dheer ee maalinlaha ah awgi, haddaba waxaa lagama maarmaan ah in loo dejiyo xoolaha habkan soo socda:

  • a) Dhulka Buntlaan waxaa ka da’a roobab xilliyada guga iyo dayrta kuwaas oo dhaliya daadad farabadan oo aan looga faa’iideysan daaqa xoolaha iyo dalagga beeraha midna, oo si toos ah ugu dambeyntii badda ku dara ama dhijaanta ku dhammaada.
  • b) Intaa waxaa dheer daadad fara badan oo kusoo rogmada Buntlaan oo ka yimaada buuroleyda Golis oo iyagu si toos ah ugu dambeyntii badda iyaguna ugu dara. Haddii loo sameeyo daadkaa biyo xirid ama hakin ugu yaraan boqolkiiba-30 waxaa looga faa’iideysan karaa dalagga beeraha iyo daaqa xoolaha, qorshaha dejinta xooluhuna halkaas ayuu ka suuro geli karaa. Waxaa la ogyahay haddii ay xooluhu nastaan oo ay fadhigooda ay baad, biyo iyo daawo ku helaan inay darartooda caano noqaneyso xad dhaaf cadkoodana iskaba daa! Madaama aan soo sheegnay sida looga faa’iideysanayo isla markaas waxaa dejinta xoolaha lagu feedh wadi karaa in si tartiib ah loo dhalan gediyo sida kuwo ka darar badan kuwa aan haysanno siiba meesiga lo’da.

Dhirta iyo Daaqa.

Mandiqadda Buntlaan dhul ahaan waxaa loo kala qaybin karaa saddex qaybood haddii loo fiiriyo dhinaca daaqa iyo dhirta oo kala ah:

Dhulka dadka qaarki u yaqaan guban oo ah dhulka u dhaxeeya xiriirta buuraha iyo xeebta Gacanka Cadan ilaa Wadiiqada Baab al-Mandab oo marka ay xagaaga tahay aad u kulul sida Boosaaso iyo intii la halmaasha, dhulkaasu geed sare ma laha daaq hoose oo aan ahayn daranta ma laha roobkuna kuma badna xooluhu uma badna inay ku dhaqmaan waase loo samayn karaa biyo-xidheeno laagaha ay biyuhu kusoo rogmadaan kaddibna waxaa looga faa’iideysan karaa dejinta xoolaha.

Xiriirta buuraleyda loo yaqaan Cal Bari oo aan dhir iyo daaq midna lahayn iyo Cal Hulmud ama Cal-Warsangeli oo dhir iyo daaqba leh. Hase ahaatee in kasta oo ay labaduba leeyihiin kheyraad badan oo aan Ilaahay u abuurin macna la’aan, haddana sida badan ma aha dhul xoolaad oo weydaarsan riyaha oo iyagu ku dhaqmi kara buuraha iyo banaankaba.

Kan saddexaad waa dhulka ka rogmada xiriirta buuraleyda ah ilaa gudaha waddanka Soomaaliya ee dhinaca loonfur, Buntlaanse uu xadkeedu ku egtahay gobolka Mudug, dhulkaas waxaa loo yaqaan cilmi ahaan dooxada (Safaana), dhulkaasu ma laha kaymaha dhul badheenka ee roobka badan, laakiin wuxuu leeyhay dhir iyo daaqba waxaana si fiican ugu dhaqmi kara xoolaha roobkuna wuxuu ku da’aa xilliga guga iyo kan dayrta in kasta oo hadda sidii la arki jiray ayaan u di’in roobab mahigaan ahi oo ay ka yaraaday sidii hore saddex sababood awgeed:

  • a) Xoolihii oo ku batay oo daaqidooda iyo raafkooduba uu xaalufiyey geed hoosaadkii dhulkiina uu raafkii xooluhu ku sameeyey carro-geddis.
  • b) Degaankii oo ay ku bateen dadka iyo beraago biyoodkii oo aan loo miidaan dayin oo sababtay in laga jaro dhirtii dhul bacramin ama adkayn jirtay kana ilaalin jirtay carro guurka oo ka qayb-qaatay xaalufinta iyo nabaad guurka dhulka.
  • c) Dhirtii waaweyneed sida galoolka iyo waxa lamid ah oo loo adeegsaday shidaal oo laga shiday dhuxusha wax lagu karsado waddanka oo dhan gudihiisa iskaba daayey dibadda loo beec geeyey, siiba waddamada Khaliijka oo u isticmaala udugga oo agtooda ka ah faakiheysi.

Arrimahaas saddexda ah ayaa ka qaybqaatay nabaad-guurka sababey xaalufinta dhulka, sidaas darteedna ayey u yaraadeen roobabkii mahigaanka ahaa ee ka di’i jiray geyiga. Haddii uu sidaa kusii socdana wuxuu dhulku isu beddeli lama-degaan ah oo dad, duunyo iyo dalag midina ayan ku noolaan karin.

Haddaba waxa laga dooni dawladda Buntlaan inay si degdeg ah u qabato arrimaha soo socda:

  • a) Inay tayeyso Waaxda Dhirta iyo Daaqa oo ay ciidan karti, aqoon, qalab iyo firfircooni ay abuurto oo ilaaliya dhirta iyo daaqa sidii hadda ka horba jiri jirtay.
  • b) Waa inay xakameysaa berkadaha iyo degaannada aan loo miidan deyin ee sababa xaalufinta iyo nabaadguurka dhulka.
  • c) Waa inay dhuxusha loo adeegsanayo tamarta ay raadisaa wax beddela oo ah gaaska cuntada lagu karsado si looga maarmo cunto ku karsiga dhuxusha geeduhuna u nabadgalaan.
  • d) Waa inay si degdeg ah u joojiso shididda geedaha laga sameeyo dhuxusha ay mamnuucdana dibadda loo iibgeynayo.
  • e) Waa inay biyaha roobabka iyo ilaha badda ku qulqulaya ay u sameysaa biyo-xireenno sida kii Catoosh ama hakin si ay dhibicdu ugu negaato dhulka korkiisa si waraabka xoolaha iyo beerahaba loogaga faa’iideesto sida aan soo sheegay.
  • f) Sida aan kor kusoo sheegay waa inay wasaaraddu sameysaa meelo loo xidho xoolaha oo tijaabo ah laguna dhalan geddiyo si loo helo noocyo fiican oo wax dhiiqa sida tijaabooyinkii lagu sameyn jiray Afgooye iyo Warmaxan.
  • a) Xoolihii oo ku batay oo daaqidooda iyo raafkooduba uu xaalufiyey geed hoosaadkii dhulkiina uu raafkii xooluhu ku sameeyey carro-geddis.
  • b) Degaankii oo ay ku bateen dadka iyo beraago biyoodkii oo aan loo miidaan dayin oo sababtay in laga jaro dhirtii dhul bacramin ama adkayn jirtay kana ilaalin jirtay carro guurka oo ka qayb-qaatay xaalufinta iyo nabaad guurka dhulka.
  • c) Dhirtii waaweyneed sida galoolka iyo waxa lamid ah oo loo adeegsaday shidaal oo laga shiday dhuxusha wax lagu karsado waddanka oo dhan gudihiisa iskaba daayey dibadda loo beec geeyey, siiba waddamada Khaliijka oo u isticmaala udugga oo agtooda ka ah faakiheysi.

Arrimahaas saddexda ah ayaa ka qaybqaatay nabaad-guurka sababey xaalufinta dhulka, sidaas darteedna ayey u yaraadeen roobabkii mahigaanka ahaa ee ka di’i jiray geyiga. Haddii uu sidaa kusii socdana wuxuu dhulku isu beddeli lama-degaan ah oo dad, duunyo iyo dalag midina ayan ku noolaan karin.

Haddaba waxa laga dooni dawladda Buntlaan inay si degdeg ah u qabato arrimaha soo socda:

  • a) Inay tayeyso Waaxda Dhirta iyo Daaqa oo ay ciidan karti, aqoon, qalab iyo firfircooni ay abuurto oo ilaaliya dhirta iyo daaqa sidii hadda ka horba jiri jirtay.
  • b) Waa inay xakameysaa berkadaha iyo degaannada aan loo miidan deyin ee sababa xaalufinta iyo nabaadguurka dhulka.
  • c) Waa inay dhuxusha loo adeegsanayo tamarta ay raadisaa wax beddela oo ah gaaska cuntada lagu karsado si looga maarmo cunto ku karsiga dhuxusha geeduhuna u nabadgalaan.
  • d) Waa inay si degdeg ah u joojiso shididda geedaha laga sameeyo dhuxusha ay mamnuucdana dibadda loo iibgeynayo.
  • e) Waa inay biyaha roobabka iyo ilaha badda ku qulqulaya ay u sameysaa biyo-xireenno sida kii Catoosh ama hakin si ay dhibicdu ugu negaato dhulka korkiisa si waraabka xoolaha iyo beerahaba loogaga faa’iideesto sida aan soo sheegay.
  • f) Sida aan kor kusoo sheegay waa inay wasaaraddu sameysaa meelo loo xidho xoolaha oo tijaabo ah laguna dhalan geddiyo si loo helo noocyo fiican oo wax dhiiqa sida tijaabooyinkii lagu sameyn jiray Afgooye iyo Warmaxan.

Kalluumeysiga

Buntlaan waxay leedahay badda ugu dheer gobollada Soomaaliya waxaana lagu qiyaasaa ilaa 1400 oo kiilomitir. Waxaa lagu sheegaa inay tahay qaybta ugu kheyraadka badan, dhinaca kalluunka noocyadiisa kala duwan iyo arakoostada, sidaas awgeed waxaa laga dooni wasaaradda in ayan noqon magac-u-yaal ee waa inay ku dhaqaaqdaa wax-soo-saar oo ay wax ka qabataa arrimahan:
a) Waa inay dib usoo nooleysaa warshadihii dalku lahaa, sida tii Laasqorey, tii Xaabo iyo kuwii ku yiil magaalada Boosaaso sida aan kusoo xusay kor.
b) Waa inay abuurtaa warshad dhalo-faybar casri ah oo sameysa doonyaha, kalluumeysatada yaryar ee waddanka ka hawlgala oo ay lacag rakhiis ah kaga gadaan kalluumeysatada.
c) Waa inay hormarisaa habka bilowga ah ee hadda loo isticmaalo kalluumeysiga oo ay cayni qabataa shabaakado wax-ku-ool ah hormarsan iyo haddii ay cayni qaban karto teknoloojiyadda cusub ee soo jiidata kalluunka.
d) Waa inay ilaalisaa dawladdu xeebaha si aan loo carqaladeyn kalluumeysatada waddaniga ah oo ay iyaga dhexdooda ka sameysaa iskaashatooyin ay warshaduhu ka qaataan kalluunka ay u baahan yihiin, waana inay ka ilaalisaa xeebaha Jiriifka xawayaan badeedka loo yaqaan afka-Carabiga (Shucab Al-Murjaaniya) Ingiriiskana (Corals) oo adduunkana looga yaqaan dahabka guduudan. Waa kan habka beerta ah koral riif waa noocyadiisa

  • a) Waa inay dib usoo nooleysaa warshadihii dalku lahaa, sida tii Laasqorey, tii Xaabo iyo kuwii ku yiil magaalada Boosaaso sida aan kusoo xusay kor.
  • b) Waa inay abuurtaa warshad dhalo-faybar casri ah oo sameysa doonyaha, kalluumeysatada yaryar ee waddanka ka hawlgala oo ay lacag rakhiis ah kaga gadaan kalluumeysatada.
  • c) Waa inay hormarisaa habka bilowga ah ee hadda loo isticmaalo kalluumeysiga oo ay cayni qabataa shabaakado wax-ku-ool ah hormarsan iyo haddii ay cayni qaban karto teknoloojiyadda cusub ee soo jiidata kalluunka.
  • d) Waa inay ilaalisaa dawladdu xeebaha si aan loo carqaladeyn kalluumeysatada waddaniga ah oo ay iyaga dhexdooda ka sameysaa iskaashatooyin ay warshaduhu ka qaataan kalluunka ay u baahan yihiin, waana inay ka ilaalisaa xeebaha Jiriifka xawayaan badeedka loo yaqaan afka-Carabiga (Shucab Al-Murjaaniya) Ingiriiskana (Corals) oo adduunkana looga yaqaan dahabka guduudan. Waa kan habka beerta ah koral riif waa noocyadiisa. Waa noocyada kala duwan ee koral ee ku badan xeebaheenna, kalluunkuna ku nasto kuna tarmo marka uu ku yimaado doolka xeebaheena diiran sidaas darteed dawladaha xeebahoodu lama-degaanka yihiin ama xaalufka wey ka xadaan kuwa hodanka u ah dahabka guduudan sida xeebaheena, oo waxay ku beeraan dhulkooda si kalluunku ugu beermo. Sidaas darteed baddu waxay lamid tahay berriga oo waxay noqotaa xaaluf lama-degaan ah oo aysan ku noolaan karin kolkii uu ka dhammaado Shucabal-Murjaan-ku ama koralku ama koraliin, oo kalluunku ama noolaha badda guud ahaan uusan ka helin gabbaad iyo cuntada dirkaba.
  • e) Waa in laga ilaaliyo jiriifka xeebaha ay ku hayaan maraakiibta doolka ah ee ka ugaarsata xeebaha waddanka, lana ilaaliyaa meelaha uu ku tarmo kalluunku siiba argoostadu xilliyada qaarkood, ugaarsigana laga joojiyaa waqtiga uu tarmayo.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Macdanta iyo Gaadiidka

Waxaa muuqata wasaaradda hadda jirtaa inay tahay mid aan ummadda luggooyo mooyee aan waxba ugu oolin, haddaba si ay shacbiga ugu faa’iideeso waa inay dardar gelisaa arrimahan:

Dhismaha:

Marka hore waa inay dardar gelisaa ciidan farsamo-yaqaan ah oo uu u dhan yahay qalabkiisu iyo gaadiidkiisu, magaalooyinka waaweyn waa inay u sameyso waxa loo yaqaan habeynta magaalooyinka oo ay waddooyin, isgoysyo iyo jardiinooyin u jaangoysaa, waddooyinka jira waa inay dayactirto oo ay xal u hesho biyaha dhex ceegaagsama marka robabku da’aan, kuwo cusubna waa inay hirgelisaa oo magaalooyinka isku xira, waa inay ka bixisaa jidad magaalooyinka dhexdooda, waddooyin leh dadku maro Marsho Piede oo kala majiira gaadiidka iyo dadka.

Macdanta:

Waa in ay Wasaaraddu isku hawshaa sidii ay u taabo gelin lahayd baarista macdanta waddanka dhex ceegaagta sida biyaha shidaalka, dhagaxyada qaaliga ah sida marmarka arna mutuneelka iyo wixi lamid ah.

3- Biyaha la cabbo:

Biyuhu sida la ogyahay waa halbowlaha nolosha sida aan kor ku soo sheegay, sidaas darteed waa in ay isku hawshaa sidii biyo la cabbo ay ugu heli lahayd magaalooyinka iyo khalqiga ku dhaqan miyiga oo ah dad iyo xoolaba, biyahaas oo ah kuwa ku jira dhulka hoostiisa sida ceelasha, waraha, balliyada iyo wixi lamid ah iyo kuwa samada ka yimaada oo loo sameeyo biyo xidheen (Dams), balliyo (lakes) ama hakin sida aan kor ku soo tilmaamay.

4- Baarista Shidaalka:

Waxaa markii Waddanka Soomaaliya laga baadhayo shidaal lala habeynayaa Xukuumadda Federaalka iyada oo lagu maamuli qawaaniinta iyo Sharciga ay dhigato Ummadda Soomaaliyeed. Haddiise ay dhacdo in ay heshiis gaar ah la gasho Buntlaan Shirkado Dalaaliin ah sidii hadda ka horba dhacday waa in heshiiskaas la horgeeyo Barlamaanka Buntlaan, wixii nacfi ah oo laga helana lagu shubaa khasnadda Dawladda, waa in sidii dhacday hadda ka hor aan lagu maareyn xeer jajab iyo madmadow. Dawladdu waa in ay ku waddaa maamul hufan oo aan lahayn muraayad cad oo nadiif ka ah dhinaca maamulka Maaliyadda (Transparent). Taas oo ka horjoogsata in ay ku guuleysato in ay hesho wax qabad shacbigu ku kalsoonaado ama deeqaha Dibadda ee Caalamiga ah.

5- Gaadidka Dawladda

Dawladda Buntlaan madmadowga miisaaniyadda maaliyadeed ee ay ku dhaqanto awgeed karti uma yeelan in ay Hey’adaha dowliga ihi ee ku kaalmeeya gaadiidka iyo wixii la mid ahba ay si toos ah ugu wareejiso gaadidkaas hanti dawladadeed, taa iskaba daaye Wasaaradaha iyo Hey’adaheeda ay adeegsato dawladdu, isla markaas waxay u isticmaalaan wax ay iyagu leeyhiin oo kale, kuna xareystaan guryahooda kii jagada laga qaadana uu si toos ah ula wareegaa in yar mooyee.

Haddaba waxaa laga dooni Wasaaraadda Gaadiidka in ay u xakameyso gaadiidkaa loogu deeqayo iyo hadday Dawladdu gadataba sidan:

  • a) In ay u sameyso xero markii hawsha dawlddu dhammaato lagu soo xereeyo oo aan la arkin gaadiid sumadda Dawladda leh oo Waddooyinka wareegayaga hawl la’aan ama xilliga ayan hayn shaqo.
  • b) In loo sameeyo Wershad lagu dayactiro laguna xanaaneyo sida saliid ka beddelidda biyeenta, xeyreynta, dhaqidda, tirtiridda iyo wixi lamid ah.

Wasaaradda Dekadaha, Garoonka Diyaaradaha iyo Gaadiidka Badda

Dekedaha:

Dekadaha dawladda Buntlaan wey fara badan yihiin. Buntlaan waxay u egtahay Jasiirad oo kale, hase yeeshee Dekedda Boosaso mooyee ma jirto mid kale oo waxtar leh ama shaqeysa waxaase ugu magac dheer markii laga reebo tan Bosaso, tan Laasqoray, tan Raascaseyr ee Caluula, tan Eyl iyo tan Garacad, sidaas awgeed waa in wax looga qabto sidan:

1) Dekadda Boosaso; waa isha dhaqalaha ee halbowlaha u ah dakhliga Buntlaan waxay u baahantahay in arrimahan soo socda wax laga qabto:

  • a) In dakhliga ka soo gala dekadda la ititibiyo oo si fiican loo ilaaliyo, waxaanan sidaas u leeyahay anigu xog’ogaal baan u ahay oo waan isticmaala oo Musuqmaasuq baaxad weyn ayaa ka jira oo qiyaastii 40% in ku dhow waa la dibendaabyeeyaa dakhliga Dawladda iyo Canshuur bixiyahaba.
  • b) Qiimaha Canshuuruhu aad buu u sarreeya siiba baabuurta iyo Bagaashka si da aan ka dheehday fikradaha ganacsato badan, waa in qiimo dhimid lagu sameeya si ay u badato macaamiisha dekaddu, waayo? ganacsigu ma yaqaan qabiil iyo magaalo midna ee wuxu yaaqaan oo keliya halka uu ka helayo ribix, faa’ido ama canshuur debecsan waa kan lagu Maahmaaho “II ribix aragtay rixin ma garato”.
  • c) Dekaddu aad ayey u yartahay ee waa in la ballaariyo, waxaan ogahay in uu Mashruuca Dekaddu ka koobnaa 3dex Weji, kii u horreeyey oo weliba la Musuqmaasuqay ayaa la fuliyey intaa waxaba u dheer inta yar ee ay tahay ayaaba sii aasmeysa.
  • d) Dekadda howlaheedu ma casriyeysna oo ma laha Wiishash waaweyn oo lagu dejiyo badeecadda sida Konteenarrada culculus, oo waxay u baahantahay in si dhakhso ah loogu habeeyo nidaamka containers-ka si ay u badato ku dhaqankeedu iyo macaamiisheedu.

2) Dekadaha kale; aad ayeey waxtar u noqoneysaa in la kordhiyo Dekedaha Buntlaan guud ahaan oo hadii fursad loo helo mashruuc Deked lagu hormarinayo si degdeg ah si loo hirgeliyaa dekedo kale sida ay u kala istraatijiyad weyn yihiin.

Ayraboorada

Buntlaan ma laha Gegi Dayuuradeed oo ay ku degi karan Dayuuradaha Casriga ee Jedka ihi kolkii laga reebo kan Magaalada Gaalkacyo, oo isagana asal ahaan aan loogu talo gelin dayuuradaha waaweyn ee ganacsiga ama rakaabka. Nasiib wanaag waxaa magaalada Bosaaso loo dhisay garoon weyn oo la furay sannadkan 2016. Waa guul weyn oo u soo hoyatay reer Buntlaan oo dhan. Bosaaso waa magaalo ahamiyad weyn u leh ganacsiga Buntlaan gaar ahaan Soomaalida iyo Ummadaha Geeska Afrikaba, kan Galkacyo isna wuxu u bahan yahay Fidin iyo dayactir. Sidoo kale waxaa guul weyn in Madaarkii Gaarowe dhismihiisa isna la billaabay sannadka 2016, laguna wado inuu dhammaado sannadka 2017. Wasaaradda iyo Dawladdaba waxaa laga rabaa ilaalinta Maaliyadda ka soo geleysaa Dowladda iyo in si fiican loo maamulo oo ka weecsan sid hadda wax u socdaan.

Fiintu sida caadada u ah markii roobku soo dhawyahay way oydaa, markaas ayaa la weydiiyey Fiiney maxaad la ooyi? waxay ku jawaabtay waxaan la ooyi dhibicda roobka soo socda. Hadda anigu waxaan ka sii welwelsanahay maamul xumada waddanka ka jirta oo uusan dhici Karin wax horumar ihi, sababta oo ah waxaa lagu Maahmaahaa “Haani Salka ayey ka unkantaa” marka haddii lagu talaabsado Waxyaalaha keena horumarka laakiin uusan jirin asaaskii maamulku waa hal bacaad lagu lisay.

Waxaa kale oo ay la mid tahay Haan qurux badan oo salka ka duleesha oo aan waxba celineyn.

Taasna waa tan sababtay Dawladda Buntlaan oo 17ba sano jirsatay oo halkeedii uun taagan oo ilaa iyo hadda ay Dawladda iyo bulshaba isku maaweelino durbaan iyo ku dayo Puntlaand aan waxba ka jirin!!, taas oo aan is-leeyahay waxaa horay loo qaadi karay haddii uu jiro maamul sal adag talaabooyiin dhaadheer oo wax ku ool ah.

3) Gaadiidka Badda:

Wasaaraddu waa in ay cayniqaboto Gaadiid badeed maamadama ay Buntlaan leedahay Bad dheer oo ay suuro gal tahay in looga faa’iideyo khayraadkeeda Ummadda, kuwaas oo ka qayb qaadan kara kobcinta dhaqaalaha Buntlaan.

Qaybta 3aad

Intaa waxaan ku dari in aan wax ka iraahdo dhawr Meelood oo ah Magaaloyin ama Gobolo oo wax ka qabadkoodu uu qiimo iyo waxtar weyn u leh Buntlaan. Ilo dhaqaale iyo hormama u keeni kara.

1) Rascaseyr ama (Cape Guardafui):

Taariikh Gaaban ee Raascasayr ama Cape Guardafui ama Lighthouse
wuxuuna Ciwaan u yahay: Boqortoovadii Majeerteeniva, Saldanada Hobyo iyo dhulkii Somaalidii Talyaaniga oo dhan

Lighthouse “Francesco Crispi”

Sida ay taariikhdu sheegeyso waxaa magaca dheer u yeelay mandiqdan Raaska, Markab ku burburay Cape Guardafui 1905.

Waqtigii la kashifay Guardafui

Guardafui Giriigii hore waxay u yaqiineen Dhulka Udgoonka oo ku soo foorara Badda Gacanka Cadmeed, waxaa lagu qoray qarnigii kowaad buug ka hadlaya xeebaha hadda loo yaqaan Badda Cas iyo tan Gacanka Cadmeed in ay ka jireen xeebo ganacsi oo la deggan yah ay oo ku yaal xeebaha Waqooyiga dhulka Soomaalida.

Magaca Guardafui wuxuu soo if baxay qamiyadii dhexe oo ay ugu yeeri jireen badmaaxyada isticmaala luqadda lagaga hadlo deegaanada ku yaal Badda Miditaraaniyanka (Lingua franca). Guardfui oo micnaha luqadda Talyaaniga ee qadiimka ah waxay ku tahay “Fiiri ama Jeedaali oo ka carar” oo tilmaan u ah khatarta uu Raaskaasi u leeyahay Doonyaha, Maraakiibta iyo Dadka*.

Horaantii Qamigii 19aad, Badmaaxyada Soomaalidu waxay doonyahoodu ku soo xiranjireen Dekadaha ku yaal agagaarka Xeebaha Wqooyiga Bari ee Soomaaliya iyaga oo ka soo ganacsan jiray Cadan iyo Makha oo ku yaal Yemen.

* Fiiri Buugan hoos ku qoran:
Chasteen, John Charles (2001). Bom in Blood and Fire: A Concise History of Latin America. W. W. Norton, p.156.

Iyada oo ay ugu wacantahay khatarta ka timaada Maraakiibta ku degaysa agagaarka Raaska Guardafui, waxay Dowladda Ingiriisku la gasha heshiis Boqor Cismaan Maxamud oo ahaa Booqrka Majeerteeniya oo Qamigii 19ka ka talin jiray Xeebaha Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Heshiiskaasi wuxuu qorayey in Dawladda Ingiriisku dhaqaale ay ku si iso Boqorka si uu u badbaadiyo Baxrida Maraakiibta ku degta Raaska iyo agabka maraakiibtaba. Hase yeesho ee Dawladda Ingiriisku heshiiskaas ma fulin iyada oo uu ka baqayo in arrintaasi noqoto dhacda cusub oo albaabada u fiiraysa in Soomalidu ay heshiisyo la galaan quwada kale, iyada oo Somalidu ula muuqatay in ay cid kasta oo u timaada ay diyaar u tahay in ay heshiis la gasho.

Suldaan Cali Yuusuf Keenadid oo ahaa Suldaanka Hobyo oo ka talinayey qaybo ka mid ah Xeebaha Soomaaliya ayaa mar dambe ruqsad u siiyay Nin ahaan jiray Sarkaal Faransiis ah oo Hotel ku lahaa Cadan in uu Munaarad ka dhiso Raaska Guardfui. Lacagta lagu dhisayo waxaa soo uruurisay Hay’ad ku taal Magaalada Marseiless ee Waddanka Faransiiska, laakin heshiiskaasi markii dambe waa burburay.

Minaaradda Faranseesko Kirisbi

Dawladda Ingiriisku Sannadkii 1894 waxay u madax bannaysay Talyaaniga Gobolka uu ku yaal Raaska (Guardafui) oo ay isku haysteen muddo dheer.
Laga soo bilaabo Sannadkii 1899, Talyaanigu wuxuu bilaabay daraasad iyo sahamin sidii Minaarad looga dhisi lahaa Raas Casayr. Mashruucaasna waxay daraasadiisu soo dhammaatay Sanadkii 1904. Talyaanigu wuxuu doonayey in kharajka dhismaha iyo dayactirka Minaaradda cusub ay qaybsadaan Waddamada leh Maraakiibta ka faa’iidaysata marinka Raaska Guardafui, hase yeeshee Ingiriisku wuxuu ka shakiyay in Talyaanigu uu damacsanyahay in uu Raaska Guardafui ka dhisto saldhig ay maraakiibtu ku nasto sahayna ka qaataan oo la tartanta Cadan, oo Ingiriisku haystay kaas oo kaga haboon Cadan, sababta oo ah waa marin biyood ay ku qasban yihiin Maraakiibtu, sidaas darteed wuxuu diiday in uu wax ka bixiyo kharajka dhismaha Minaaradda.

Waxay ahayd 1920 kii markii Maamulkii Talyaaniga ee Dhulka Soomaalida ka talinayey uu ka dhabeeyey in uu dhiso Minaaraddaas. Waxaa markii u horeysay la furay April 1924. Minaaradii waxaa loo bixiyay Francesco Crispi. Waxay ahayd Minaarad yar oo ay ku dahaarantahay biro laga dhisay buurta dusheeda.

Tanu waa Minaaradii u horreysay ee laga dhisaya buurta dusheeda ee loogu magacdaray Francesco Crispi oo ahaa Ra’iisul wasarihii Talyaaniga Waqtigaas

Waxaa baal socday saldhig fooniye oo lagala socdo Gaadiidka Badda oo laga dhisay Tuulada u dhow ee Tooxin.Waqtiyadaas waxaa socday kacdoon gumaysi diid ah oo ka soo horjeeda Talyaaniga dhulka Soomaaliya ee uu ka talinayey. Bilihii Nofember 1925 iyo Janaayo 1926 Ciidankii ilaalinayay Minaaradda waxay ka caabiyeen dhowr weerar oo lagu soo qaaday Minaaradda waxaana soo gaaray Minaradda burbur. Taasi waxay keenaty in Talyaanigu ka dhigo dhisme shub ah oo ka xoog badan kii hore ee Minaaradda laga sameeyay, waxaana la furay dhismaha cusub 1930. Dhismaha Minaaradda quruxda badan waxaa loo ckaysiiyay

laashiistihii “ Fascio littorio”. In kasta oo aan hadda la islicmaalin Minaaradda, haddana waxaa weli sii muuqda I )hagaxii weynaa ee balaamaa oo leh calaamadihii I’aashiistaha.
Dhagaxanu wuxuu matilayaa Calaamadii fashiistaha ee (Benito Mussolini) ee Fascio Littorio.

Ugu dambayn waxaa laga dhisay buurta dusheeda Minarad ka samaysan dhagax adag iyo saldhig Raadiye,

[Waa Minaaraddii iyo Saldhigii Radiyaha]

tii hore waxaa loogu Magac daray Franseesko Krisbi 1930.

Minaaradda waxaa hadda dibadeeda ka muuqda dhagaxii lagu qurxiyey ee asliga ahaa ee fashiistihii “Fascio littorio”, oo la mid ah hab dhismeedka faashiistaha, dhismayaashu waa calaamadaha faashiistanimada ee uu hirgeliyay “Benito Mussolini”.

Dawladda Talyaanigu waxay codsatay in daraasad lagu sameeyo Minaarada ku taal Guardafui in loo aqoonsado taalo taariikheed dhaxal Bini Aadami, waxayna soo jeedisay in lagu daro Baraha Adduunka ee taariikhiga ah ee dhaxalka Bini Aadamiga (Turath) ee (UNESCO) aqoonsatay.

Gobolka Gardafuul:

Bishii Abril 8, 2013 Dawlada Buntlaan waxay samaysay Gobolka Gardafuul oo lala xiriirinayo Raaska Guardafui, oo laga soo jaray Gobolka Bari. Waa kan Gobolka Buntlaan ugu baaxadweyn uguna Xeeb Dheer oo isku xidha Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Waxay ka koobantahay Degmooyinka Caluula, Murcanyo, Baargaal, Bareeda, iyo Gumbax, Magaala Madaxda Gobalkuna waa Caluula.

[Waa sawirka guud ee magaalada Caluula]

Waxyaalaha muhiimka ah ee laga heli karo Gobolka waxaa ka mid ah:

  1. Faleenka oo soo saara in ka badan 1.5 Million KG. ee noocyada:
    Maydi, Beeyo, Falaxfalax iyo Xankookib.
  2. Kalluun tirdiisu dhan tahay in ka badan 50,000 oo tan bil walba.
  3. Beero Timir oo ku dhowaad ah 258,000 oo geed, haddii la hormariyo ku fillaan kara Soomaaliya oo dhan.
  4. Kayd dhuxul dhagax oo tayo leh oo tira badan.
  5. Oil iyo Gas magaalooyinka: Bina, Afkalayahe iyo Geesaley.
  6. 26 ila biyood dabiici ah oo haddii la hormariyo qayb libaax ka qaadan kara horumarinta Gobolka.

Mashaariicda waaweeyn ee laga fulin karo oo waxtar u leh Gobalka iyo Dalkaba

  1. Dekad Caalamiga ah ee Raas Guardafiii: laga bilaabo Caluula illaa Olog iyo Daamo.Waxay ahaan doontaa Meel Aduunka oo dhani ka faa’iidaysto waayo? Waa Meel istaraateeji ah oo ay Maraakiibtu ku nasto Shidaalka iyo Saadkana ay ka qaadato.
  2. Madaarka Caluula oo ay ku degi jirtay Dayuuradihii Fokarka ahaa ee ay lahayd Soomaali Airline qaybtii isaga gooshi jirtay Waddanka Gudahiisa, haddaba haddii Gegidaas la dhiso waxay noqon Airport Caalami ah oo ku Yaal badhtamaha Adduunka oo Cidwalba anfaca.
  3. Haddii la isku xidho Waddooyinka Lafagoray, Gumayo, Dhabaaqa iyo Hursale Waxay ka dhigi Gobolka mid si fiican looga faa’iideysto Khayraadkiisa iyo isu socodkiisaba.

Garwaaqsiin:

Waxaan xusuusinayaa akhristaha Sharafta leh in uu dib u jaleeco Badhis Taarikheedka aad u qiimaha badan ee ku saleysan xaqiiqda dhabta ah ee uu ka diyaariyey Mandiqadda Raascaseyr Mudane : Maxamed Aadan Terra.

Mandiqadda Raascaseyr ama Cape Guardafui.

Sidaa aan horay ku soo sheegay Raascasayr waa Mandiqad istartiiji ah oo is ku xidhan Adduunka qayba badan oo ka mid, bal si dhab ah u milicso Khariidadan inta Waddo ee uu isku xidho Raasku Raascaseyr ama (Cape Gurdafui) waa gobol weyn oo aad ballaaran oo Badda gashan in ku dhow kun kiilo,itir wuxuuna la baxay Geeska Afrika, waa buqcad dhul ah oo Eebbe ku manneystay gobolka loo yaqaan Bari ama hadda loo bixiyey Gobolka Raas-Casayr qayb ka mid ah.

Khad casi wuxuu ku tusi sida uu Raasku u yahay hilin biyo mareen oo muhiin ah oo isku xidha adduunka intiisa ugu muhiinsan.

Haddii si fiican looga faa’iideysto waxaa ka soo geli Wilaayadda Buntlaan dhaqaale ka badan kan xoolaha ama beeraha, laakiin wuxuu u baahan yahay marka hore in la geliyo maal badan, caqli iyo karti iyo in uu leeyahay khayraad badan sida Timirta, Luubaanta iyo Kalluunka noocyadiisa kala duwan waxaase looga miro dhalin karaa si kis kis ah:

1. Buntlaan waxaa kale oo uu Eebbe ku galadeystay Raascaseyr oo uu Alle ka dhigay meel ah mudnaanteeda Istratiji oo ku haboon in laga gado adduunka Istaratiijiyadeda oo maraakiibta adduunka intooda badan ee badaha ku goosha ay ka qiyaas qaataan sida ku cad wadiqooyinka badda ee soo gala ama ka baxa oo wuxu isku xiraa:

  • Wadiiqaha Hurmuus ee laga gala gacanka Carabta ama Faarisiga cid waliba sida ay u taqaan, wuxuuna marin u yahay Shidaalka ka dhoofa khaliijka Carbeed iyo Iiraan.
  • Badweynta Hindiya oo uu maritaan u yahay marakiibtaa u kala gooshta Goonfurta Afrika ilaa Badweynta Adlas ama weydaarkeeda (Cagsiged).
  • Gacanka Cadan ilaa Wadiiqaha laga galo Badda CAS ee (Baab Al-Mandab) iyo Gacanka Suweys ilaa (Badda Dhul u Dhaxeys) ama Weydaarkeed (Cagsiged).

2. Haddii ay leedahay mudnaantaas ama ahamiyaddaas Raascaseyr waxay ila tahay in sidan looga faa’iideysto:

  • In loo sameeyo Fanaaradii uu lahaan jiray ama wax baddelkeed ah oo Tignoloojiyadu ay la timid si maraakiibta ka kala goosheysa Mandiqaddan ay uga qiyaas qaadato.
  • In loo abuuro Marso ama Dar (Xawood) ay maraakiibtu ku nasato oo ku qaadato (Refreshment) ayna ka qaataan Shidaal, Raashin iyo wixi lamid ah ah.
  • In dib loo soo nooleyo Wershadii weyneed ee ku tiil dhanka Raaska ee konfureed ee u jeeda Badweynta Hindia ee lahayd Cusbada ugu wacan adduunka oo ku tiil magaalada Hurdia iyo wixii kale ee Wershado ama Gegi Dayuuradeed iyo waddooyinba sida aan horay ku soo sheegay.

Haddii la hirgeliyo barnaamijkaas iyo kuwo kale waxaa suuro gal ah in Waddanku cammirmi lahaa dibna loogu soo noqon laha lagana faa’iideysan kheyraadka badan ee dhex jiifa.

Sharikadaha ka Kalluumeysta Xeebaha Buntlaan.

Waxaa jirtay ama la sheegay laga soo bilaabo burburkii dawladdii Soomaliya ilaa hadda Badda Buntlaan in ay uga qaraabtaan siyaalo kala duwan Niman isku sheega Madaxda Buntlaan ha ahaato Shirkado kalluumeysi oo ay Shirkado ajaanib ah ka ijaarteen ama marakiib ku dhex degtay waqti hore oo ay Shirkado ajaanib ahi fagato, kuwo Soomaali ihina kaga wax qaateen sida Mashruucii loo yaqiin (Hart group) iyo wixi lamid ah, dhaqaalihii laga helayna iskood ay ugu takrifaleen.

Waxaa laga sugayaa Dawlad kasta oo dooni in ay arrimahaas xad u yeesho, Waddankana jcccl wax u qabadkiisa in ay hormariso ama hormarkiisu ka daacad yahay, waxaa laga rabaa in ay uga faa’iideyso waxa dhaqaalaha ah ee laga helo arrimahaas oo kale in ay ummadda wax ugu qabato, kuna hagaajiso miisaaniyadda Dawladda.

Nabadgelyada Wilaayadda Buntlaan

Aad iyo aad ayey u tahay lagama maarmaan in la adkeeyo oo la sugo nabadgelyada Waddanka Buntlaan, waayo? meel haddii ay an ka jirin nabadi lagama gaari karo horumar, wax nolol ihina kama suurtoobi karto.
Waxaana nabadgelyo abuuri kara dadka oo dareema Maamulka oo ay ka go’an tahay wax u qabadkooda iyo isaga oo u adkeeya tiirarka nabadgelyo oo ay ka mid yihiin arrimaha soo socda:

In ciidan tayo leh loo abuuro geyiga Buntlaan oo xaslan kara nabadgelyada guud oo u qaabeysan sida soo socota:

  • Booliska Isteeshimada oo la tayeeyo oo loo tababaro dhalinyaro aqoon cilmi, tu qaanuun iyo tu Boolisba leh oo meesha ka saara odayaashii ka haray Rijimadii hore oo ku habsaday marxaladii burburka ilaa immika.
  • Sidaas oo kale waa in loo habeeyo kuwa nabadsugidda oo aad u feeyigan una firfircoon oo dhallinyaro ah oo ka soo baxay dugsiyada sare amaba Jaaamicadaha.
  • Waa In aad loo tabareeyo Booliska Daraawiishta, marka hore waa in ay ahaadaan dhallinaro laga dhiso aqoonta, caafimaadka, qalabka, gaadiidka, mooralka iyo dhaqaalaha oo ka fog Daroogada iyo Qaadkaba.
  • Waa in la abuuro Booliska nabadgelyada Waddooyinka oo leh tayo dadnimo, tu aqooneed iyo tu dhaqaaleba ka fog mukhadaraadka (qaadka).

Haddaba intaas oo si quruxbadan u wada shaqeysaa waxay wax badan ka tari nabadgelyada Buntlaan, waxaana la heli Dawlad kooban, habeysan oo casri ah, oo ka baxda habacsanaanta ay hadda ku jirto oo horay u marisa kartida iyo qiimaha Buntlaan. Nasiibdaro 17 sano oo ay jirtay halkeedii ayey yururtaa.

Hubka Sharci darrada loo haysto:

Waxaa Buntlaan si xad dhaaf ah u karooran hub, kaas oo laga dhaxlay burburkii Dawladii Soomaaliya, mid ka soo gufaacay Dawldda Yaman ee aan deriska nahay iyo ku la siiyey waxaa lagu magacaabo Ciidamada Buntlaan oo ay Shacabka dib uga sii gadeen, Inta hubkaas xadkaa ihi uu waddan yaalana lama gaadhayo wax horumar ah iyo nabad buuxda midna, hubkaasu wuxuu u kala baxaa 4ar qaybood:

Qaybta 1aad waxaa haysata gancsatada oo ku ilaashata maslaxadeeda ganacsigeeda intii ay amaan u helayso maslaxadeedana wey wadanaysaa,

Qaybta 2aad waxaa isku hubeeyey qabaa’ilka oo u adeegsada in ay dhexdooda ku dagaalamaan haddii ay ka fursanwaayaana Dawladda laftigeeda kala horyimaada.

Qaybta 3aad waxaa haysta dad si gaar ah ugu haysta guryahood ama naftooda ku ilaashada, hubkaasuna waa midka keena dilalka qorsheysan ee ka dhaca Buntlaan ee Shacbigu ay ku kala aarsadaan dakanadda dhexdooda ka jirta

Qaybta 4aad waa hubka gacanta ugu jira Maleeshiyada Al-shabaab oo ay ummadda ku gumaadaan sir iyo saacba. Haddaba waxaa Dawladda looga bahan yahay in ay hubkaa u sameyso qorshe lagu xakameynayo looga bixinayo gacanta dadweyenaha, waxaanan filayaa in arrimahan soo socda wax looga qaban karayo:

  • In qabaa’ilka haysta Dawladdu kala wareegto laakiin waa marka ay Dawladda ka dareemaan caddaalad, Buntlaan oo deggan oo ku talaabsatay waddada horumarka iyo Boliis ama Darwiish si dhab ah ugu adeegaya bulshada oo weliba la isku haleyn karo. Waxaa lagu maareyn kara hubka ay haystaan Shirkadaha gaarka loo leeyahay sida ay ila tahay in ay dawladdu si adag u sugto nabadgelyada Shirkadahaas gaar ahaan iyo guud ahaan tan Buntlaan oo dhan. Hadda waxay sugtaa oo keliya amniga madaxda oo iyada oo habcen la arko la toogto Biri- ma- geydada Shacabka oo aan deero deero u hardiyin kolkii laga reebo wax dhif ah oo Shacbiga ruuxadisu ku mintido mooyee, sida gacan ku dhiiglihii dilay Eebbe ha u naxariisto eh Sheekh Cabdulqaadir iyo kuwo kaleba. Sidaas oo kale waxaa shirkadaha looga qaadi karaa hubka kolkii ay hubsadaan in u jiro Boliis ay ku qanci karaan in uu ka adag yahay nabad gelyada hantidooda iyo nabad sugidda Ummadda.
  • Hubka ay haystaan shakhsiyaad gaar ihi waxaa lagu xakameyn karaa in ay Dawlddu ka iibsato ama haddii uu ruux muhiim ahi haysto in ay u shareiyeeyso iyada oo hubsaneyso in qofkaa lagu aamini karo iyo in kale.
  • Bastooladuhu waxa ay qayb weyn ka qaataan gumaadka Shacbiga haddaba waa in si adag loo xakameeya oo cidda loo sharciyeyo mooyee aan qof kale loo oggalaan si aad ah oo cilmiyeysan loogu soo celiya gacanta dawldda.
  • Hubka ku jira gacanta Maleesiyaadka waxaa lugu xakameyn karaa in si dhab ah loola diriro si ay meesha uga baxaan iyaga iyo hubkooduba Shacbiguna uga nasan lahaa dhibkooda iyo Shartoodaba.

Qurbajoogta Reer Buntlaan

Dawladda Buntlaan markii ay lugaheeda isku istaagtay ama la yagleelay Qurbajoogta Reer Buntlaan waxay isku dayeen in ay camirideeda ka qayb qataan oo ay maalgashadaan, laakiin nasiib darro kalama kulmin jawi habboon oo saacida arrintaas sababaha soo socda awgeed:

  1. Waxaa ugu weyn sababahaas maamul xumada ka jirta dalka, arrintaas oo aan geesinimo gelin maal gashi iyo degaanka qurbajoogta Buntlaan midna.
  2. Gaadiidkii cirka oo u fududeyn laha in ay isaga safraan halka ay ka degganyihiin Adduunka iyo Buntlaan taas oo ay sababta ugu weyn tahay Gegi Dayuurad la’aan iyo Dekedda Bosaso oo aan lahayn nidaamkii Konteynarka iyo qalabkii dejin lahaa Badeecadda Cuius midna.
  3. Dekedihii Waddanka oo wax aan jirin ah tan keliya ee jirta oo ah tan Bosaaso oo ay iyana qabyo tahay.
  4. Xagga nabad gelyada oo ah wax aan la isku haleyn karin iyo sharciga maalgashi oo ah wax aan jirin oo kale.
  5. Korontada iyo Biyaha oo aad u liita ama ah wax aan jirin oo kale haddii ay ka jiraan meelaha qaarkoodna wax ka sarreeya nolosha qofka caadiga ah qiimo ahaan iyo maamulba.
  6. Qurbajoogta Reer Buntlaan oo aan ahayn sida qurbajoogta Gobolada kale oo aan ahayn kuwo u jajaban camiridda Gobolkooda haddaan u soo qaato tusaale ahaan sida Reer Hargeysa iyo Reer Xamar.

Sida aan si tifaftiran kor ugu soo sheegay inahaas iyo kuwo kale oo isbiirsaday ayaa carqaladeeyey degitaankii, maalkagashigii iyo horumarintii laga filayey Buntlaan qurbajoogteeda. Saas darteed immika waxaa loo baahan yahay in Xukuumadda dhalaneysa ay wax weyn ka beddesho sida hadda wax yihiin ayna isku daydo in ay wax ka fuliso arrimahaas aan soo sheegay inta karaankeeda ah. Qurbajoogta waxaan kula talin lahaa in ay si dhab ah dalkooda hooyo u dhisaan horayna u mariyaan ugana faa’iideystaan, ehelkooda Reer Buntlaan.

Hantida Maguurtada ah Dawladda Buntlaan

Dawladdii Talyaanaiga ee gumeysan jirtay Waddanka Soomaaliya wax ma guurta ah ama hor’umarin ah oo la taaban karo kama qaban Soomaaliya guud ahaan gaar ahaanna Buntlaan Ingriiskiina iskaba daa!, Dawladihii ka dhashay Soomaaliya iyaguna waxba kama qaban Buntlaan oo waxeyba u bixiyeen Gobolada Gaadhiwaa aan ahayn Dekadda Boosaso ee qabyada ah oo wejigii laad oo keliya ah, oo isagana la gacan tubyeeyey iyo Waddada laamiga ah ee u dhaxeysa Garowe iyo Bosaaso oo iyadana wax weyn laga garoocday sida Togagii Halbowlaha ahaa oo aan loogu sameyn Buundooyin ee lagu maldahay waxa loo yaqaan Buundo Jiif oo marka ay soo ragmadaan dadka iyo gaadiidkoodba qaada ama maalmo ku kala go’dooma togga labadiisa daan sida Togga Ceeldoofaar oo kale. Sidaas oo ay tahay waxaa jirta hand ma guurta ah oo isugu jirta dhismayaal, dhul bannan iyo Wershado ay lahaan jirtay Dawladii hore ee burburtay oo dad ama reero ku habsaday oo ay weli haystaan.

Sidaas darteed waxaa laga dooni Dawladda in ay ku soo celiso gacanta Dawladda Buntlaan. handdaas ma guurtada ah, si ay dadku u dareemo dawlad ay ka go’an tahay wax qabad run ah ku shaqeyneysa abuurtana sharci iyo kala dambayn (Law & Order).

Jaamicadaha Buntlaan

Waxaa Buntlaan ka shaqaya Jaamicada dhawr ah iyo weliba Dug/Sare oo fara badan arrintaasu ma xuma laakiin ma tayeysna. Aniga waxey ila tahay Jaamicado badan oo tiro mooyee aan tayo lahaan Faa’iido badan ma laha oo waxaa ka fiican wax yar oo tayo leh. Haddaba waxaan ku talin lahaa in ay Dawladdu u diyaariso hab iyo qorshe lagu tayeynayo oo jaamicadii buuxisa shuruudahaana loo aqoonsado Jaamicad, tii ka soo bixi weydana ay iska ahaato meel aqoon kororsi, loogana baxo wax qorid iyo aqoon la’aanta.

Habaynta Magaalooyinka

In kasta oo aan kor ku soo sheegay guud ahaan in loo bahanyahay in magaalooyinka waaweyn in dib loo habeeyo, haddana waxaan halkan ku soo qaadi labada magaalo:

1) Magaalada Bosaaso:

Magaalada Bosaso waxey leedahay mudnaan gaar ah sababta oo ah, waxay tahay magaalo xeebeed ku taalla Xeebta gacanka Cadmeed oo weliba ku dhow Hilinka looga soo baxo Gacanka Carbeed lehna dekad mudnaan u leh xagga ganacsiga Geeska Afrika oo dhan, waa magaalo u dhow Gacanka khaliijka Carabta ee hodanka ku ah Dahabka Madow (Batroolka) oo isku xidha Jasiiradda Carabta, Soomaaliya iyo Afrika, waa magaalo ku taala xeeb aad u qurxoon oo ku fiican dalxiiska oo haddii loo sameeyo qorshe wacan, gegi Dayuuradeed (sannadka 2016 ayaa la furay garoonka weyn oo Bosaaso). Dekad tayeysan oo dhammeystiran (hawshaas sannadkan 2016 way socotaa) iyo maamul tayeysan oo Soomaali iyo ajaaniba lihi ay maalgashan lahaayeen, degina lahaayeen.

Sidaas darteed habka ay ila tahay in loogu sameeyo Jaangooyada ama waa sida ku cad khariidadan:

Kharidada Bosaaso & habka loogu bixinayo waddooyin mustaqbalka

  • Mandiqadda Midabka CAS leh ee dekadda 2da dhinac waa in laga joojiyo dhismaha si ay u noqoto meel dalxiiska u gaar ah dabaasha iyo ka faa’iidesiga biyaha badda iyo xeebta quruxda badan, bal mustaqbalka waxaaba laga heli ilo dhaqaale.
  • In Magaalada loo habeeyo waddoyin dhawr ah oo ka soo baxa badda ilaa buuraha koonfurta beledka ku yaal, iyo kuwa kale oo ka soo baxa qorax ka soo baxa ilaa galbeedka Magaalada.
  • In baabuurta Gobolada iyo Degmooyinka aada loo sameeyo Baarkino magaalada ka baxsan ama u gaar ah oo magaalo kasta Mawqifkeeda lagu dhejiyo tabeele.
  • In laga raro Bakhaarada kaydka Waddada laamiga ah labadiisa dhinac oo magaaladana ku haya carqalad weyn isu socadkeeda lana geeyo meel ka dadban laamiga, baabuurta ka soo daabusha badeecada Dekadda waa in la tayeeyo loona sameeyo Waddo u gaar ah oo ku xidha Bakhaarada ay wax ku dejinayaan.
  • Waa in laga mamnuuco baabuurta waaweyn ee xumuulka in ay dhexmaraan waxna ka qaadaan Magaalada gaar ahaan waqtiga Subaxnimo iyo Galabtii marka uu xoog leeyahay dhaqdhaqaaqa dadku iyo ardada Dugsiyadu taas oo galaafatay nafta caruur badan oo dugsiyada u socota ama ka timid.
  • In la habeeyo Taxi-yada loona sameeyo Rinji ama sumad u gaar ah lana dejiyo meelo u gaara ah oo ka mid ah magaalada, taleefano laga soo wacana loo sameeyo. Shatiyo lagu aqoonsadana loo sameeyo, loona qoondeeyo ilo dhaqaale oo iyaga iyo ummadaba wax loogu qabto.
  • Basaska yaryar ee loo yaqaan (Bii.El-ka) ama (saqajaanta) waa in ay Dawladda Hoose maareysaa, waayo? sidan ay hadda ku shaqeyaan waa khatar iyo nidaam xumo waxeyna xanibaad u geystaan isu socadka magaalada, ummmaddana khatar bey ku yihiin iyo nabad gelyada Waddooyinka taaas oo dad badani ku naf waayeen.
  • Ugu danbeyntii Bosaso waa in loo sameeyaa suuqyo waaweyn oo ganacsi oo la kala habeeyaa Wadhatada dharka, tan cuntada bisil, tan cuntada ceyriin, tan gaarileyda iyo tan wareegtaba oo gooya waddooyinka gawaadhida iyo dadkuba ay maraan.

2) Magaalada Galkacayo:

Magaalada Galgacyo waxey u leedahay Dawldda Buntlaan mudnaan weyn. Waxey isku xirtaa waddanka Soomaaliya, sida la ogyahay Caasimadda Moqdisho waxey ujirta wax lagu qiyaaso 750 kiilomitir, Jigjiga 750 kiilomitir, Hargeysa 750 kiilomitir iyo Boosaso oo ay jirto 750 kiilomitir, waxaana soo gasha 6 waddo sida aad ku aragtaan khariidada: tan ka timaada Xamar, tan ka timaadda Hobyo, tan ka timaada Garacad, tan ka timaada Boosaaso, tan ka timaada Hargeysa iyo tan ka timaada dhinaca Soomaali Galbeed, waxay leedahay gegi Dayuuradeed oo leh (Runway) laami ah in kasta oo uusan ahayn kii loogu talo galay Dayuuradaha Waaweyn (Standard Airport), sidaas ayey u leedahay mudnaansho gaar ah dhaqaalaha wax soo saarkana waa magaalada 2aad haddii ayan ahayn midda laad ee Buntlaan. Haddaba sidaas darteed waa in Dawladdu wax ka qabataa arrimahan:

  1. Marka hore waa in loo sameeyaa jaangooyo oo sida ku tilmaaman Map-kan loo sameeya waddooyin ka soo baxa waqooyi oo ku dhamaada koonfurta magaalada iyo Waddooyin kale oo ka soo baxa qorax u dhaca Magaalada oo ku dhammaada qorax ka soo baxa Magaalada dhinaca Gegida Dayuuradaha. In hantidii qaranka dib loogu soo celiyo gacanta Dawlada sida dhismahii Banki- gii oo laga dhigay suuqa khudaarta, madaaris, wershado, Xeryihii Ciidamada iyo hanti kasta oo ay Dawladdu lahayd.
  2. Galkacyo waxaa ka jira laba maamul oo Soomaali ah oo mid la arko uu sheeganayo in uu isagu xukumo ama uu leeyahay walaalana ah oo aad moodid haddana in ayan is jeclayn taasuna ma aha wax aduunka ka dhaca, danta ummaduna sidaas way ku lumi waxaana ka dhici iska hor’imaad dhiig badani ku daato, haddaba waxay aniga ila tahay in loo maareeyo sidan:
  • In Magaalada kala qoqoban la isu furo awoodda xukunka magaaladana la qaybsado iyada oo ka tirsan Buntlaan.
  • In Magaalada 2ba meelood loo qaybiyo Xuduudna loo yeelo oo la kala yiraahdo Galkacyada Waqooyi ee Maamulka Buntlaan. iyo Galkacyada Goonfureed ce Maamulka Galmudug State.

Sidaas ayey ila tahay in ay Galkacyo ku heli karto horamar Nabadgelyadeedana lagu xakameyn karo, ma dhici karto iyada oo dadka deggan Gaalkacyo ay wada dhasheen haddana hal magaalo dhexdeed ay isku yihiin Baalagaare aan nabad ahayn ama ay an ku wada noolayn.

Khariidada Galkacyo & habka loogu bixinayo Wadooyin Mustaqbalka

Qaadka iyo Shartiisa

Qaadku waa mushkilad weyn oo haysata ummadda Soomaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna Shacbiga Buntlaan. Qaadka dhibaatadiisa waxaa laga qori karaa buugag faro badan oo aan lagu soo koobi karin buuggan oo aanan ugu talo gelin in aan gebi ahaantiisaba kobciyo. Hase ahaato eh ma u ban banbaxayo dhibaatadiisa oo idil ee waxaan rabaa in aan wax yar ka idhaahdo sidii loo yareyn lahaa looguna abuuri lahaa caqabado lugu cirri gelinayo si ugu dambeyntii si tartiib tartib ah in badani oo ah dadka isticmaalaa ay isaga dayaan lahaayeen. Haddii aan wax yar ka idhaah dhibaatadiisa tan ugu weyni waa dhaawaca uu gaadhsiinayo Caafimaadka ruuxa Soomaaliga ah iyo dhaqaalaha oo maalin la arko loo dhoofiyo boqolaal kun oo Dollar Dawladaha deriska aan nahay ee Ethiopia iyo Kenya. Maandooriyahan sannad la arkana Malaayiin Dollar ku kacaya ka sokow wuxu wax u dhimaa Ruuxa isticmaala dhaqaalihisa gaarka ah, kala tagga qoyskiisa, dadnimadiisa iyo ugu dambeyn Caafimaadkiisa. Haddaba waxay ila tahay waxaa loo yareyn kara shartiisa weyn ee khatarta ah sidan.

  1. In Magaalooyinka dhinac looga saaro suqiisa si ay u yaraato ciriirigiisa iyo buuqiisa uu ku hayo Magaalooyinka.
  2. In la saaro Canshuura adag isaga iyo gaadiidka keenaba si loo yareeyo cunidiisa iyo keenidiisaba.
  3. In Shaqo loo abuuro dadka ka raadsada nolol maalmeed iyo kuwa cuna qaadka dirgaba ee u badaan Shaqo la’aanta.
  4. In aan Wasiirada, Agaasimoyaasha guild, kuwa Waaxyaha aan loo magacaabin ruux qayila.

Shaqaalaha Dowladdana laga mamnuuco (Civil Servents) oo aan shaqo la qorin ruux qaadka cuna kii lagu arkana laga fariisiyo shaqada.

Haddii Dawladdu wax ka qabato arrimahaas wxaan ku rajo weynahay in ay aad u yaraaneyso Cunidiisu ugu dambeytina Mustaqbalka dhow ama kan dheer uu Shacbigu ka nasanayo hadimooyinkiisa.

Qaybta 4aad – Maamul-goboleedka Khaatumo

Bulshada Reer Khaatumo waa shacab aad u leh mudnaan Soomaaliyeed waxeyna ka mid yihiin bulshadii ku bahawday Dawladda Buntlaan laakiin maamul xumada madaxda Buntlaan iyo arrimo siyasadeed oo kale ayey ka dhalatay in ay la baxaan magaca Khatumo State oo ay caddeyeen in ay ka madax bannaanyihiin Buntlaan. Aniga waxaa ila habboon in ay mawqifkaa ka noqdaan ay kaga baxayeen Buntlaan weliba iyago oo mideysan waayo? [Gacmo wadajir bey wax ku gooyaan]. Haddii ayan arintaasu u cuntami weydo waxaa ila quman in ay Buntlaan ka deyso faraq haysiga weliba ay gacan siiso, si fiicanna u taageerto, sababta oo ah dhawr arimood oo jira awgood oo aan ka sheegi karo:

  1. Waxay ka soo horajeedaan ka goosashada Soomaaliya ee ay ku dhadhabayaan kuwa la baxay Somaliland. Gaar ahaan Reer Khaatumo waxaan kula talin lahaa haddii ay arrintaas ku fara adeygeen in ay marka hore iyagu midoobaan, haddiise qaarkood ka mid yahay Somaliland qaar kalena ay ka mid naqdaan Buntlaan waxay ila tahay in ayan hali hal u raaceyn ee ay tahay uun shacabkan wacan oo la jiho wareerinayo oo keliya.
  2. Waxay garab, gaashaan iyo deriswanaagba u noqonayaan Dawlad Goboleedka Buntlaan laakiin laacibka hor boodaya ummadda Reer Khatumo waxaa ku habboon in uu ka daayo Buntlaan dagaalka isaga u gaarka ah ee shacbiga Reer khaatumo uusan la qabin.

Xukumad Goboleedka Buntlaan iyo Xukumadda Federalka ah.

1) Dawlad Goboleedka Buntlaan.

Ummadda soomaalida ee Eebbe ku abuuray Geeska Afirika in kasta oo gumeystihii kala qaybiyey waxay hadda tahay Jamhuuriyad Federaalka ah Ilaahay idanki wayna ahaan doontaa, Soomaaliya sidaas oo ay tahay wax macna ah ma sameyneyso kana gadmi meyso Soomaali iyo adduunka in gobolada qaarkood kooxda ay mukhayaddu uga shidantahay ay ku gorgotamaan gooni- isutaag iyo wax la mid ah. Wilaayadda Buntlaan waxay ku soo tiir iyo tacab beeshay u dagaalankii xoriyadda dalka in kasta oo dawladihii ka dhashay ayan sidii habooneyd ugu abaal gudin, taas waxaaba ka daran waqtigii burburka kuwii maamulayey Buntlaan iyana sidii la filaycy wax ugama qaban, waxaa kale oo ka mid ah waxtarka Buntlaan ay u qabatay ummadda Soomaliyeed waqtigii dagaaladu ka socdeen Waddanka intiisa badan waxay hoy u noqotay dad badan oo Soomaali ah oo ka soo flrxaday dagaalada, nolol maalmeedkoodana ka soo saartay. Haddaba Maamulka Buntlaan waxaa ku haboon in uusan wax uu xaq ugu leeyahay Federaalka uusan uga hadhin wax uu ku magacaabay xiriirkii ayaan u jaray ama kalsoonidii ayan kala noqday, taas oo ay ka dhadhameyso gooni isutaag waxaa lagu Maahmaaha {Meel aad Madaxdeeda ka tahay Minjaheeda la iskama dhigo} Marka Buntlaan waa in ayan ka gaabin kana meermeerin waxa ay xaq ugu leedahay Federaalka oo ah hirgelintiisa iyo nacfigiisa dirkaba, Dawladda Buntlaan waa in ay ku hawlgashaa in shacbigu u baahanyahay dawlad Federaal ah oo xooggan oo ummadda sama bixisa waana in ay ka fogaato wax loo arko beer dulucsiga dadka Daaroodka ah ee ay marwalba xusineyso dhawacyidii dagaalkii Sokeeye ee ka dhacay dalka.

2) Xukumadda Federaalka ah:

Waxaa aad u wacan, lagaama maarmaana ah in ay Soomaliya ka hana qaado xukuumad wax ku ool ah oo ku shaqaysa Dastuurka iyo nidaamka Federalka ah ee danta la mooday waqtigan. Xukuumaddaasu waxaa looga baahan yahay boogo dhayid oo ay ka dhiifanaato wax kasta oo danqaya dhaawacyadii soo kala gaadhay bulshada dhexdeeda sida ay had iyo goor ka siidaayaan 2ba Nin ee sheegta in ay yihiin Oday dhaqameedyada

Hawiye oo ka dhigtay halqabsi Soomaali way is baratay wixii dhacayna waa la ogyahay, hadaladaas oo ayan weli ka hadlin Dawladda Xamar waxaa la yiraah “Aasmusku waa astaamaha ka raali noqoshada”.

Waxaa mudan in dawladda guud ahaan lagu amaano habka ay ayaamahan wax u waddo ee ah hadalka toosan oo aan rajeynayo in uu ka turjumo camalka hawsha wacani mar haddii xukumadda federalka ihi Waddanku isugu mid yahay waa in ay Buntlaan ula dhaqnto sidan:

Waa in ayan ka ficil qaadan wax kasta oo uga yimaad mamulkeeda oo haddii ay boqosho tahay iyo haddii ay wax qabad tahay midna ayan ka gaabin. Xukuumadda Federaalka ahna waxaa laga dooni in ay Buntlaan ula dhaqantaa sida soo socota:

  1. Xukuumadda Federaalka ihi waa in ay ka hirgelisaa Xafiisyada iyo hawlaha u gaarka ah Fedralka sida Boostada, Baasaboorka, Lcag midaysna oo dalku leeyahay, Ciidanka qaranka iyo gaashaandhigga, Ciidanka Boliiska, iyo wixi lamid ah.
  2. Waxaa kale oo laga dooni federalka in Xeryihii Ciidamada dib ay u hawgelisaa sida Xeradii 22ad ee Ciidamada ee ku taala Garowe iyo Akademiyada tabobarka Boliiska ee ku taal Carmo, Buntlaan . Kol haddii ay nabad tahay waa in lagu tabobaraa Cidamada Qaranka iyo Boliiska- kaba si Shacbiga Reer Buntlaan u dareemaan in ay ka mid yihiin Xukuumad Federarlka ah waxna ku leeyihiin.

Gabagabo iyo Gunaanad

Waxaan Eebbe ugu Mahad naqayaa in uu Eebbe ii fududeeyey gabagabeynta Buuggan ku magacaaban Tubta Horumarinta Buntlaan ee Soomaaliya, Buugaan oo aan Alle ka baryayo in ay wax ku qaataan oo ay ku Shaqeeyaan Madaxda Buntlaan ee mustaqbalka. Sidoo kale waxaan rajaynayaa inay ka tilmaan qaataan Wilaayadaha kale ee ka tirsan Federaalka Soomaali weyn iyo weliba Xukuumadda Federaalka ah ee dhexe. Anigu waxaan Eebbe ka baryayaa in uu iga siiyo ajri iyo Xasanaad, sida uu yidhi Nabigeena Maxamed ihi (KNN) ha ahaato eh: “Ruuxii kheyrka tusaa waa isaga oo sameeyey oo kale”. Waxaa kale oo aan munaasabadan u mahad celinaya saaxiibaday oo gacan iga siiyey meel marinta buuggan oo igu biiriyey farsamo iyo fikaradda iguna tirtaarsiyey qoridda Buugaan.
Qore: Ustaad Sh. Axmed Xaaji Abuubakar

Xigasho iyo Raad-Raac

  1. Burlington, Massachusetts: Academic Press, pp. 297 Retrieved April 28, 2015.
  2. Tuckev. James Hingston. Commander. Royal Navy (1815) Volume III. Retrieved April 28, 2015.
  3. Strabo (1889). The geography of Strabo: Literary translated, with notes. Translated by Hans Claude Hamilton & William Falconer. Volumes 74-76 of Bohn’s classical Library. G. Bell & sons. p. 200.
  4. Piratestan.
  5. Laitin, David Politics, Language, and Thought: The Somali Experience. University Of Chicago Press, p. 71.
  6. Committee on Northeast African Studies (1981). Northeast African Studies. Volume 3. Michigan State University Press, p. 50.
  7. Collier’s Encyclopedia: With Bibliography and Index. Volume New York: P.F. Collier & Son Corporation. 1957. p. 405.
  8. Bowditch. Nathaniel (1939). American Practical Navigator: An Epitome of Navigation and Nautical Astronomy, p. 352.
  9. Faro Francesco Crispi

DHAMMAAD