Dhegdheer

Mashruuca Buugaagta af-Soomaaliga ee labada-af ah, waxaa loo hibeeyey dhammaan carruurta qaxootiga ah oo dhan iyo qoysaskooda. Way ku mahadsan yihiin.

Dhegdheer waa mid ka mid ah kuwa loogu jecel yahay sheeko-xariirooyinka Soomaalida. Waa sheeko qarniyo badan jiilba jiil u gudbinayey, sida sheeka-xariirta reer-Yurub ee “boogey man” oo ku saabsan nin laga baqo. Dhegdheer waxaa loo adeegsadaa in carruurta lagu “cabsiiyo” si ay uga haraan dhaqammada xun-xun. Waalidiintu carruurta yaryar bay uga digaan: Keligaa dibadda ha aadin ama Dhegdheer baa ku qaadan doonta. Sheekada Dhegdheer waxaa lagu fasiran karaa inaan magan u nahay awoodda dhabta ah oo kala wadda dunida, mar walbana garsoorka leh.

Dhegdheer waxaa sheekadeeda gobollada Soomaalida looga sheekeeyaa siyaabo kala duwan, tan ugu caansanna waa midda Dhegdheer ay gabadheedu aakhirka dilayso. Sida halkan looga soo tebinayo, Dhegdheer dhimashadeeda waxaa sabab looga dhigay musiibo xagga Rabbi looga soo diray.

Sheekooy, sheeko, sheeko xariira…

Waa baa, waxaa jiri jirtay, dad-qalato la oran jiray Dhegdheer oo ku noolayd agagaarka Boholaha Xargega ee dalka Soomaaliya. Caadooyinkeedii xumaa waxay boor iyo habaas ka kiciyeen dhul markiisii hore ahaa doog iyo barwaaqo. Muddo aad u dheer baa roobkii ka guuray degmadii xoolihiina waa macaluuleen.

Dhegdheer aad bay u xoog weynayd una lali jirtay sida dabaysha xagaa. Waxay lahayd dheg si layaab leh u dheer, lehna awoodda cajiibka ah oo ay ku maqasho shanqarta saanta geel daaqaya meel jirta maalin barkeed.

Subax bay Dhegdheer u dhaqaaqday ugaarsigii cunto-maalmeedkeeda. Waxay sii dhexqaaday buuraha iyada oo gacantana ku sidata gudin, dhabarkana jawaan maran oo ah kay ku soo qaadan lahayd qofka ay dilato.

“Waa in aan ku soo baxaa gabar yar oo geed galool ah oo qodax leh hoostiisa raro ku samaysneysa,” Dhegdheer baa iskula hadashay. Balse waxay sii dhexqaado jidka siigada lahaa, maalintaa waxba gacanta kuma dhigin. lyadii oo gaajo iyo jaho wareer isku darsantay bay ku laabatay gurigeedii.

Waa dambe iyadoo faro maran guriga kuma laaban doonto. “Waxaan u adeegsan doonaa awoodayda gaarka ah si aan gacanta ugu dhigo keli-socodka,” sidaasay go’aan ku gaartay Dhegdheer. “Sow qof daallani uma baahna in uu biyo cabbo iyo in uu mar uun uu nasto? Nasiibkaygu wuu imaan.”

“Soo gur qoryo iyo caws,” bay ku amartay gabadheedii, kaligeed ay lahayd.

Dabadeedna qoryihii iyo cawskii waxay ka dhistay aqallo dhowr ah oo dhinaca ku haya aqalkii Dhegdheer. Kadibna, haantii Bowdheer oo ay hilibka dadka ku guran jirtay bay ku amartay in ay shanqar aad u dheer samayso haddii la isku dayo in la furo. “Waan kaa maqli doonaa meel walba oo aan joogo,” bay tiri.

*Waxayna raacisay, “Waan idin marti gelin lahaa, oo idin haraad iyo gaajo tiri lahaa, laakiin gurigaad timaadeen waa kii Dhegdheer.” Iyada oo hadalka hoos u dhigaysa ayey uga digtay, “Ogsoonaada, hooyaday Dhegdheer in aydaan ka badbaadi doonin hadday hurdada ka toosto. Waa in aad ka dhuumataan ilaa ay ugaarsi u jarmaadayso, dabadeedna si dhaqso ah aad naftiina u badbaadisaan,” ayey tiri.

Baqdin ayey la gariirtay haweenaydii. Waxayse naf ka raadiyeen inay iyada iyo ilmaheedii yaraa ku gabbadaan raro duuduuban aqalka gadaashiisa. Ina-Dhegdheerna waxay u dhaqaaqday sidii ay ugu soo qarin lahayd martida waxay cunaan. Markii ay dhaqaaqdayba yartii way kuftay. Furkii baa haantii Bowdheer ka duulay.

Dhegdheer hurdadii ayey ka toostay! “Alla! Yaa taabtay haantayda?”

“Hooyo aniga oo hilib solay ah ka baaranaya saabka dusha suran, ayaan ku dhacay Bowdheer,” bay tiri gabadhii.

“Been baad ii sheegi!” Dhegdheer baa tiri. Waxay bilowday inay sanka la raacdo hadba jaho. “Waxa ii soo uraya ma wiil yaroo buuran baa?”

“Ma baruurtaydaa hooyo waxa kuu uray?” ayey gabadhii ku jawaabtey.

“Waxa ii uraya hilbo gabar yar,” ayey si cadho ah u tiri Dhegdheer.

“Hooyo waa jidhkayga,” ayey mar kale gabadhii Dhegdheer ku celisey.

Haweenaydu sare ayay isu taagtay, ilmihii oo weli dhabarkeeda saaran, baqdin ayayse la dhaqaaqi waydey.

“Ilaahow naga badbaadi belada Dhegdheer.” Ducadeedii waxaa loogu bedalay karti ay ku oroddo. Haweenaydu waa ay ogsoonayd in Dhegdheer dabaysha la orod tahay.

Dhegdheer noloshay nagu cuni, ilayn naf ka dheeraysaa ma jirto ee, ayey istiri haweenaydu. Alle-barigeedii orod bay u kordhisey. Orod aan hakis lahayn ayey oroday, oo oroday ilaa ay ka soo gaadhey qarkii Boholaha Xargega. “Jid aan ku baxsano noo bixi, cadow baa na eryanayee,” ayey waydiisatay toggii.

“Haddii aadan dembi isku ogeyn, waan oggolahay inaad i gudubto, haddii kalese waan ku liqayaa,” ayaa waxaa ugu jawaabey toggii. Daacadnimadeedii awgeed, haweentii iyo ilmihii si nabad ah ayey ku dhaafeen Boholaha Xargega.

Dhegdheer shallaay ayay isla dul taagtey toggi, iyada oo ku sii dhaygagsan haweenaydii iyo wiilka cayilkiisa. Markaasay ku barooratay heesteedii shallaayga ahayd:

“Cakuye Boholaha Xargega,
Nin Duulaayeey Dabraan,
Nin xiimaayeey Xiraan,
Bal naagtaa barida daya,
Bal wiilkay sidato daya,
Bal bowdada cadaanta daya,
Bal buluq buluqdeeda daya.”

Kadibna, Dhegdheer waxay dhiibatey codsi quusasha ah: “Anna jid ii fur waxaan eryanayaa cunug yar oo buuran iyo hooyadiis oo gaajo igu kiciyey,” ayey tiri.

“Haddaadan dembi isku ogeyn, waan oggolahay inaad i gudubto haddii kalese waan ku liqayaa,” ayuu ugu jawaabey.

Markay cagta saartay qarka oo ay rabto inay ka tallowdo Boholaha Xargega, baa hal mar toggii waxaa harqiyey sharkii iyo dembiyaday hore u kasbatay.

Meeshaas ayaa Dhegdheer toggii ku liqay.

Ugu dambeyntii Xargega roob baa ka da’ay! Dooggii baa is wada qabsaday. Xoolihii way cayileen waxayna yeesheen caano haqabtir leh.

Heeso iyo ciyaaro ayaa isu baxay:

“Dhegdheer dhimatoo! Dhulkii nabadeey.”