Dhibbanaha Aan Dhalan

Sheekadaan waxaa qoray qoraaga caanka ah ee Faarax Maxamed Jaamac “Cawl” isagoo xus uga dhigay 37dii ardey iyo 4tii macalin ee sida arxan darrada ah ay ugu xasuuqeen magaalada Boorama diyaaradihii Xabashidu iyo kuwii kale ee ay nolosha ku naafeeyeen 30kii Janaayo 1984tii.

Tusmo

Hordhac
Qeybta Koowaad
Qeybta Labaad
Qeybta Saddexaad
Qeybta Afraad
Qeybta Shanaad
Qeybta Lixaad
Qeybta Toddobaad
Qeybta Siddeedaad
Qeybta Sagaalaad
Qeybta Tobnaad
Qeybta Kow iyo Tobnaad
Qeybta Labo iyo Tobnaad
Qeybta Saddex iyo Tobnaad
Nolosha Qoraha

Hordhac

Dhibbanaha Aan Dhalan waa sheeko xaqiiqda dhabta ah ka muujinaysa darxumada iyo dhibaatada cadowgu gaar ahaan kan Amxaaradu ku hayeen ummadda Soomaaliyeed ee degta Galbeedka Soomaaliya ee uu cadowgu maanta haysto. Waa sheeko isugu jirta jaceyl iyo naxdin taas oo lasoo darsaysa wiil iyo gabadh isjeclaaday islamarkaana cadowgu kala dhexgalay jecaylkoodii iyagoo waliba gabadha reerkii ay ka dhalatay dhammaantood, iyada mooyee, xasuuqey. Wiilka magaciisu waa Dalal, gabadhana Bilan. Bal aan uga hadho qoraaga hanoosoo bandhigee sheekadaan layaabka leh ee cajiibka ah.

Qeybta Koowaad

“Nin walba halkii bugtaa isagey belbeshaaye, nin hooyadiis oohinteed maqlayow koleyba waa eedaadkaaye adigiyo urugadaa dheh, nin walaashiis ka ag barooraneysow ciishootaye adigiyo ciilkaa dheh, anigana tiiraanyadey iyo taahey dheh, saa gabartaan jeclaa baan ba’aydeeda haweeniyo baroorteed maqlayaa, magaceedu waa Bilan, bil soo baxday weeye, qalbigey bishaa, oo ballan baanu lahayn, quruxdeedu waa dhif, biyo dahab la moodaa, jidhkeedu waa xariir, dun macaan ka bow dheer, anuun baa maleyn kara. Bilan Aw Jaamac abuurkeedu waa yaab, waa murwadii riyadeydee, col ma loo quudhi karaa?”

Dunideenu waa yaab badan tahaye, waxaa dhacday gabar labaatan sano jirta oo Bilan Aw Jaamac la yiraahdo, inay maalin maalmaha ka mid ah sannadkii toddobaatan iyo siddeeddii ari ku ilaalineysay goor barqo ah deegaanka u dhexeeya magaalada Jigjiga iyo Wardheer.

Bilan, sidey arigii ula joogtay, bey waxay soo dul joogsatay haro xareed qabow ah, wax kale ma sameyne intay hareeraha iska eegtay, ayey dharkii iska dhigtay oo haradii ku gashay garbasaarteedii khafiifka aheyd oy guntatay keliya, halkaasey intay biyihii harada dhexdeedii ku laba legdeysay sidii aanay waxba ka maqneyn hadba hees qaadday, oo marba si isu rogrogtay.

Bilan ma ahayn nafleyda keliya oo harada ku raaxeysaneysay, ee shimbiruhuna farxad iyo ladnaan ayey hadba codad kala geddisan la waq-waq-wis-wiis lahaayeen. Rahuna dhaqan ha ka ahaatee, markuu dhergo reynreyn ayuu la dha-dhaa lahaa.

Gedigood nafleydaas harada joogay, ha ahaato mid qadhaab ka soo dhergey, ama mid sidiisa u faraxsan, nolol adduunyo iney u dhan tahay u ahayd, khaas ahaan Bilan sidey dunida keligeed leedahay ayey cabsi iyo werwer la’aan, marba si u dabbaalatay, marey jirjirka u dabbaalato, iyo marey hadba dhinacyeyso iyo marey hadba hoos u muquurto.

Bilan, waxay ka dhalatay qoys reer guuraa ah, oo Soomaali ah, aabbaheed iyo hooyadeedna waa nooleeyeen, waxayna walaalo ahaayeen gabar ka weyn oo beryahaas la aroosay iyo labo wiil oo kan ugu yari qoyska yahay saddex sano.

Aw Jaamac, Bilan aabbaheed, wuxuu ahaa wadaadka beelaha meesha dega, oo aad looga dambeeyo, carruurtiisana diinta Islaamka si fiican u baray, khaas ahaan Bilan soddonka jis ee Quraanka xaafid bey ku ahayd, edebteeda iyo hab dhaqankeeda gabadheedna beesha aad baa looga kuunyi jirey, aabbaheedna waa addeeci jirtay, wuxuuna had iyo jeer ugu ducayn jirey, “Ilaahow Bilan meel roon mari, oo rug wanaagsan deji, qayrkeedna dhaafi.”

Maalintaas ay harada ku dabbaalaneysay, malaa’igta iyo lama arkaanka nololeed ka sokow, waxaa muuqaalkeeda iyo jidhkeeda qurxoon nasiibsaday inuu si buuxda u daawado inan Dalal Cumar la yiraahdo oo isna Soomaali ah oo si kedis ah harada usoo dul joogsaday, iyadoo aan arkeyn.

Dalal Cumar, oo siddeed iyo labaatan jir ah, wuxuu ka tirsanaa isla beelaha meesha deggan, wuxuuna ahaa inan madi ah, gabdho walaalo ahna aan lahayn, hooyadii iyo aabbihiina dhinteen isagoo yar, hase ahaatee, wuxuu la joogay adeerkiis oo xoolo badan leh, soona koriyey.

Dalal intuu ka il horreeyey Bilan, ayuu dharkeedii ka hoos qaaday geedkay hoos dhigtey, oo meel ku qariyey. Dabadeedna intuu dib u soo beerdhigaaleeyey ayuu hoos jiifsaday geedkii uu dharkeeda ka qaaday, si uu riwaayadda ay dhigeyso uga daawado.

Dalal, meelaan ka fogeyn harada ayaa geeloodii u daaqaayey, si fiicanna uma garan gabarta meesha ku dabbaalaneysa, hase ahaatee tilmaamaha uu quruxdeed ka heystay, iyo sheekooyinka uu ka maqlay cidaha, waxuu malihiisii siiyey inay tahay Bilan Aw Jaamac.

Run ahaantii iskuma taxalujin garashadeeda ee waxuu jeclaystay daawashadiisa ay hadba meel muujineysay. Mar waxaaba ku soo dhacday inuu dharka intuu iska dhigo harada la galo, haddana intuu is qabtay ayuu isku yiri, Bal sii yare daawo, sidaanay ku macaan tahay.

Bilan waxay hadba hab u dabbaalato, oo meel walac ka siiso, maruun bey danniday in la weheliyo, markaasay intey xaggiisa u soo dabbaalatay ku soo dhowaatay oo wax eeg eegtay. Waxbase mey arag, maxaa yeelay beerkuu dhulka ku dhejiyey. Halkaasey halkeedii dabaashii ka wadday iyadoo marba doc isu rogrogeysa, marna xagal isu teegeysa, oo muujinaysa mudanaayaasheeda oo caaradooda af bakeyle la moodo.

In cabbaar ah markay sidaas u dabbaalaneysay, ayey haradii ka soo baxday, soona beegtay xaggiisii oy dharkeedii ku ogeyd, iyadoo biyihii ka da’ayaan, caado ha ka ahaatee qunyar socodku, ama markaas heys yeelyeeleysee, waxay xaggiisii soo beegtay iyadoo tallaabo talantaali ah, oo hab iyo xarrago leh, si habsami ah u dhigeysa, timaheedii dheeraana hadba intey madaxa weyraamiso biyaha ka shax shax siineysa.

Waxay marba isa soo dhugdhugato, oo gacmaheeda dhaadheer ee garaaraha lahaa soo weydhaamiso, maruun bey si lama filaan ah u dareentay dhaadkeeda oo gacan dad kaga dheggan tahay.

Intey cirkaas ka qeylisay oo tiri “Hayaay!” bay hoos wax u eegtay, misa yaabkeeda waa nin dhallinyar oo beerka u jiifa gacantiisii. Malaha geesinimo ay u dhalatay sabab ha u ahaatee, intey gacmaheedii ku nabsisurtay, bey si qumaati isu taagtay, oo ku tiri, “War hoy i siidaa, Ilaaha ma taqaan? Maxaa dhaadka ii heysataa? Waan ku baryayaa, waxbana kaama sitee, key iska daa, oo key iska daa,” ayey haddana ku celcelisay.

Erey ma celine, isagoo u maleynaaya inuu riyoonaayo buu hadba meeluu uga bogey jidhkeedii qurxoonaa, oo midabka dahabiga ah yeeshay, markii cadceeddii barqo qabatay dhaayaha marba meel ku nasiyey.

Mar dambe buu yiri, “Wegerey, weger, waxba igama sidatid miyaa? Wahey, wah, ma saasaa kaa dhab ah? Wax wacan ayaa iga sidataa. Waligeyna gabadh aan dhaadkeeda haleeley sahal uma siideyn. Waabase adoo sidan wacan ah,” buu ugu jawaabey isagoo aad mooddid aar raq helay, oo ku haliilaaya baahi heysa darteed.

“Horta miyaa leys gaadayaa?” ayey tiri.

“Maya bareerna waa aqaan,” buu ugu jawaabey.

“Haddee i siiddaa, sidani waa gaadmo e.”

“Haba sheegin siideyn.” Dabadeedna intuu gacantiisii kale lugteeda kor ugu tafay ilaa bowdada ayuu yiri, “Ayaankee, ayaankee, ma anaa gabar qaawan talo weydiiya? Sow wax keliya oo ii harsan leged ma aha?”

Bilan waxaa u caddaatay iney dabin gashay, weliba midaanay ka bixi kareyn, baryona aanay waxba tareyne ay isdaafacdo.

Sidaas awgeed, intey indhaha isku qabatay ayey dhaqdhaqaaq bilowday iyadoo leh, “War hoy waan ku tuugayaaye key iska daa, oo iga xishoo yaan xaal ku raacine.”

Dalal markuu dareemay is dhifdhifadkeeda, ayuu qumaati isugu taagey intuu labada gacmood ka buuxsaday, waxaana bilaabmay legdin iyo laacdan hor leh oo leysu naxayn. Bacdamaa Bilan qoyaneyd, garbasaar keliyana xirneyd, hadba markuu is yiraahdo haddaad taabatey ayey ka muruxsaneysay.

In cabbaar ah wax leys ligligaba, leyslana xiiqay, ayuu mar keliya tabco gudeed la helay oo jirjirka u ridey. Halkaasaa leysla galgashay oo hadba leysla dhinacayey.

Haddeyse aragtay, in laga xoog roonaaday beylahana ay u tahay baahidiisa ayey halkaas shafka ah qaniinyo kaga dhejisay, markaasuu doc intuu iskaga dhiftay dharbaaxo aan kululeyn iskaga furfuray.

Waxay isla galgalshadii socotaba, aakhirkii ayuu garbasaartii ka tuuray, oo si fiican labada gacmood ugu taabey. Hase ahaatee, jidhka meel waliba meel lehe, markuu culeyskiisii iyo canbuskiisii ku dareensiiyey abuurkeedii dheddignimo, ayna si oggol diid ah u jid debcisay, oo uu haahaabasho galay, ayey mar keliya si lama filaan ah intey caloosha ku qaadday doc isaga tuurtay, oo in il biriqsi ka yar toban tallaabo meel u jirta u booday, in yar kaddibna dharkeedii xiratay. Waxse helay mooyee, markey xiratay dharkeedii ayey xaggiisii ka maqashay taah iyo qeylo uu ku leeyahay, “Aah! Aah! Naa qoriga iga bixi.”

Ugu horreyntii waxay u qaadatay iney khayaamo ka tahay. Goortaasay intey isa soo dul taagtay, intey yare qososhay ku tiri, “Ma anaa mar kale i dagi kartaa?”

Taahii iyo qeyladii ayuu sii kordhiyey intuu u muujiyey meeshuu qoriga kaga taagnaa oo ah gosha. Markaasey aragtay inaaney khayaamo ka aheyne arrintu dhab tahay, oo ku soo dhaqaaqday, oo qorigii ka soo siibtay. Isla markaasna waxay ka joojisay meeshii oo dhiig ka soo daatay intey xuf yar maradeedii ka soo jeexday. Kaddibna intey kicisay ayey ilaa xaggii haradii u garab gashay, halkaasoo ay gacmaheedii ku waraabisay, uguna weji dhaqday si uu u nafiso.

In cabbaar ah markuu nasanaayey iyana ag fadhido oon leysla hadlayn, ayuu yiri, “Waad mahadsantahaye, sow gabarta Bilan la yiraahdo ma tihid?”

“Ma ahiye maxaad ku tiri, mise horaa ii aragtay?”

“Maya hore kuuma arag, laakiin dhallinta beeluhu gabar walba sheeko iyo tilmaan ayey ka heystaan.”

“Maxay iga haysataa, ood igu aragtaa?”

“Waxaan kugu arkaa qurux aan la maleyn karin, iyo raxiimnimo.”

Dumar waa ammaane, iyadoo sii jecleysanaysa hadalkiisiis, bey intey yare xishootay hoos eegtay oo tiri, “Illeyn ficilka xun ood isku dayday waxaa kuu dheer hadalka beer laxawsiga degdegga ah iyo qaraaxadda.”

“Xaasha, an meelaan kugu saluugo ma lihid, haba kuu dheeraatee, hadal macaankaaga iyo hasaawe helkaaga.”

Inta malaha meeshii damaqatay ayuu yare taahay oo yiri, “Waxbaa iga raacay.”

“Haa, haa!” intey si tiiqtiiqsi ah u tiri, bey waxay tiri, “Runtii wadhi baa kaa raacday, gabar qaawan ood labadeeda dhaad haleeshay, haddana aadan calfan, sow dhallinta beeshu hadday ogaato kugu qosli meyso?”

“Taasi waa guubaabo.”

“Waxay tahayba, kaa badbaaday. Ogowna waxaad tahay ninkii u horreeyey oo cududdeyda qabtay.”

Isagii baa hadalkii qaatoo yiri, “Goorey ahaataba waa inoo ballan, waana inoo xiran yahay ballankaasi, horta e Bilan Aw Jaamac ma tahay illeyn hadal baad na jeexsiisay?”

“Waa ahay Bilan Aw Jaamac, adna key isu sheeg.”

“Waxaa ley yiraahdaa Dalal Cumar.”

“Ma Dalal Cumar baa tiri, Alley lehe Bahal Cumar baad tahay.”

Intuu qoslay buu yiri, “Gacalow tilmaan kale aan bahal ahayn miyaad ii weyday.”

Waxay ku jawaabtay “Dalalow, ma ahayn inaan qorigii gosha kaa galay kaa siibo, ee waxaa abaalkaagu ahaa inaan meesha kaaga tago, laakiinse qofkii ku xumeeyaa waa la xurmeeyaa, dadnimadaa sidaas ah.”

Markuu arkay habdhicii haasaawaha meeshey ka qabatay iney ka heshay buu yiri, “Horta xaal baan ku siiyey iga aqbal, hibashadana halkaas ku dhaaf, ballan dambena inoo xir, xiisaa inoo kala kordhayee.”

Waxba mey oran, ineyse oggol diid tahay ayuu dareemay, halkaasuu ku noqdoo yiri, “Habeen dambe ayaanu cayaargud idiinku imaanaynaa, ee maxaad ka qabtaa?”

“Waxba kama qabo, ee sidaas ha inoo ahaato.”

“Waa tahaye nabadgelyo Bilaney.”

“Waa inoo sidaas iyo noolekulantee,” bay tiri.

Qeybta Labaad

Inkastoo Bilan tirsaneysay meel ka dhac misana markuu xaal siiyey haasaawihiisiina u bogtay oo uga dhadhantay inuu aad uga xun yahay falkiisii, garyigilna yahay, raalli bey noqotay. Markaas iyadoo xiiso leysu qabo ayuu Dalalna geeliisii aaday, iyana arigeedii oo ka yare durkay ka daba tagtay. Nasiib darro markay arigii u tagtay waxay la kulantay arigii oo dawacooyin labo neef ka bakhtiisteen.

Aalaaba sida dhacda reer miyigu aad bey u qiimeeyaan xoolahooda nool, qofka beylihiyana sida Bilan ku dhacday, waa la dilaa, ama waa la canaantaa, kolleyba tallaabo ciqaabeed ayaa laga qaadaa.

Sidaas darteed, markey arigii guryo geysay oo warkii la helay in dawaco arigii wax ka cuntay baa hooyadeed Cawo Nuur canaan kulul dusha uga tuurtay, oo waxay ku tiri, “Naayaa, xaalkaaga waa la socdaa, mee arigii lagu raaciyey? Mise beryahan dambe shafkaaga buuxsamay baa kuu been sheegay, oo haasaawe iyo qooq baad meherad ka dhigatay?” Iyadoo sii wadda bey haddana tiri, “Wallaadan reerka caawa iigu soo hoyaneyn, haahey! Waadigii is dhudhuganaayey baryahan lagu fasax.”

Bilan waa ka naxday hadalkii hooyadeed haasaawaheeda wax kaga sheegtay, waxayna danniday dhagar qabe dhulkow dhaqdhaqaaqee, iney si uun laacdankeedii maanta wax ka tuhuntay.

Canaantaas keliya loogagama harine intey hooyadeed labo ulood ku dhifatay ayey weliba kaga dhaaratay ineyan caawa guriga u soo hoyanin. Inkastoo aabbaheed isku dayey inuu dhexdhexaadiyo, hooyadii oo qof kulul u dhalatay, ayaa ku adkaatay ra’yigeedii.

Sidaasey Bilan iyadoo dhowr qaarood qabta guriga duleedkiisa ugu hoyatay habeenkii. Inkastoo dhaxan qaboobi jirtay isla markaasna baahiyi heysay oon waxba la siin, haddana ma dareemin, maxaa yeelay waxay ku dheeraatay feker ah, Maxaaba laguugu dilayaa hadba neef dawaco cuntay, waad hano qaadday, gurina waad yeelan kartaaye, maad tashatid? Fekeraddaas aad bey ugu guuxday, waxayna gashay sidey dhallintey taqaan oo gayaankeeda ah xul uga samayn lahayd, marna waxayba isku tiri, Haddaad cidba weydo sidii hablihii hore sameyn jireen yeel oo meel kale isaga heeran.

Haddana markey ka sii fekertay, taasi waxay ugu muuqatay gabadha heerantaa iney tahay mid intey guur wayday iney gumeysowdo ka baqeysa, walise aanay iyadu heerkaas gaarin arrinteedu tahay is afgaranwaa waalid oo keliya.

Markaas, fekerkaas dambe waxay uga gudubtay iney indha-indheyso dhallintii beelaha. Inkastey is diidsiineysana waxaa hadba la hor keenaayey Dalal, oy cid isugu dambeeyeen, marbase waxay soo xusuusaneysay inuuba isagu leeyahay sababta lagu ciqaabay, waxayna isku tiri, Kaasi inaad haaraanto mooyee xulka ma geli karo. Waxaase dhacday si kasta oy isu diidsiiso inuu Dalal noqday kan marna maankeeda ka bixi waayey. Sababtoo ah, waxaa weeyey inanka keliya oo indhoweyd haasaawe dhexmaray, oy laacdankiisii iyo leg isku qabashadoodii ka dareentay shucuurta islahaanshaha dheddigga iyo laboodka, aragtideedna, Dalal qurux rag lagu tilmaamo waa u dhammeyd, oo intuu dherer fiican oo buuxa oo garbarog leh u dhashay, ayuu wuxuu ku darsaday heybad uu dheddiga ku soo jiito.

Siduu ballanku ahaa Bilan habeenkii labaad oo dhan waxay dhegeysaneysay bal in Dalal iyo dhallintiisii soo ciyaar gudeen. Nasiib darro wax sacab iyo sanqar ah waa maqli weydey, waxaana ku dhacday niyad jab ay u qaadatay in Dalal ballantii uu isagu soo jeediyey kaga baxay.

Hase ahaatee, habeen afaraadkii ayey luuq sacab ka maqashay meel aan reerka ka fogeyn, halkaasey iyada iyo gabar kale leysu raacay boodadii sacabka. Dhallintii waa ku farxeen markey arkeen hablaha u soo baxay, khaas ahaan Dalal oo werwer ka qabay inaanu cid heleyn.

In yar haddii la kaftamay oo hadal soo dhoweyn ah leysku tuurtuuray ayaa sacabkii bilaabmay, markii jaanta leysla helayna waxaa heesay Dalal oo yiri:

“Hoobey, farasku waa higgoodaa,
Hoobey, xakamuhuu ku higga gooyaa.
Hoobey, kooruhuu ku himbilayoodaa.
Hoobey, raggu waa higgoodaa
Hoobey, warankuu ku higga gooyaa.
Hoobey, sumucuu ku himbilayoodaa
Hoobey, anna waa higgoodaa
Hoobey, sacabbaan ku higga gooyaa
Hoobey, Bilan baan ku himbilayoodaa.”

Bilan baa markaas heestii qaadatoo tiri:

“Hoobey, geelu waa higgoodaa
Hoobey, biyuhuu ku higga gooyaa
Hoobey, darantuu ku himbilayoodaa
Hoobey, dumarku waa higgodaa
Hoobey, qabyaduu ku higga gooyaa
Hoobey, dadabtuu ku himbilayoodaa.”

Goortey intaas is dhaafsadeen, ayaa waxaa beddelay heestii labo kale. Dalal iyo Bilanna intey gacanta is qabsadeen bay meel yar ka durugsan goobtii fariisteen, halkaasoo Dalal jirjirka u jiifsaday, Bilanna agtiisa jilbaha mid soo dhigtay. Haddii in yar dayaxa buuxay leysku daawanaayey, daalkii dartiisna la neef guray, ayuu intuu Dalal ku soo yare durkay gacanta qabtay oo ku yiri, “Yaa! Oo illeyn gacmaha xaad baad ku leedahay.”

Waxay ku tiri, “Dalal ma bahalnimadaadii baad weli waddaa?”

“Maya e miyaan lagu gacan qaadi karin, haddaan dhowr beri kala maqneyn? Miyeynaanse is cafiyin?”

Intey madaxa ruxday bey tiri, “Cafi ma sheegteen haddaad og tahay sidaan kuu eersaday maalintii dhoweyd.”

“Maxaa dhacay?”

“Waxaa dhacay Dalalow, wax baas iyo waxaan eeday, oo maalintii dhoweyd intaan legdameyney baa arigii aan la joogey labo neef dawaco ka cuntay. Sababtaas darteed, baa habeenkii hooyadey intey i dishey gurigii iiga dhaaratay inaan u soo hoydo. Arrintaas aabbahay raalli kama ahayn, oo si lixaad leh ayuu isu hortaagey, waxaase ku adkaatay hooyadey oy teedii noqotay. Sidaasaana habeenkii oo dhan dhaxantii jirtey iyadoo weliba qadoodi ii dheer yahay, aan guriga dulfeedkiisii yuururay. Miyaanan ku eersan? Teeda kale hadda reerkii oo dhan waa isu dudeynaa, habeenkiina si aanan weligey u fekerin ayaan wax walba uga fekeray, adduunka iyo aayahayga nololeedka.”

“Maxaad ku fekertay waaba arrin cusube?”

“Wixii gabar hana qaadday ku fekeri lahayd baan ku fekeraayey iyo inaan reerkeyga ka tashi baxo. Hadda ogow Dalalow mar walba waa kaa ley horkeenaayey.”

“Bilaney ma ogtahay inaan adigana qaan kuu raacaayo, taasoo ah bal taabo meeshii qorigii dhinaca iga muday, labo beri baan jiifay, welina waa i xannuunayaa, sidaas darteed baan ballantii habeen labaadkii uga baaqday.”

Kolkaasey intey ku soo durugtay tiri, “Alla! Ma saasaa? Bal i tus aan eegee.”

Markaasuu dhabarka u soo leexshay, halkaasoo ay gacanta taabsiisay bartii qorigu ka muday, waxayna tiri, “Weli ma ku xanuunsaneysaa?” iyadoo gacantey ku heysay ugu dartay afka oo dabeyl qabow uga afuufeyso!

Isagoo ku sii raaxeysanaaya neecawda qabow ee afkeeda ka soo baxeysa iyo taabashadeed ayuu ku yiri, “Taabashadaada raxmaddeeda ayuun buu u baahnaa nabarku.”

Waxay tiri, “Horta af ku malable baa tahay, intaas keliya hadduu u baahnaa inuu ku bogsado, waa kuugu fillahay hagar la’aan.”

“Haahey, anna af ku malable dawliye ii daa, adna shinnidii hadba ubax dillaacay midda ka soo ururineysay baad tahay, wadajirkoodaana malab ku abuurmaa, aniga iyo adigana malaha ma ogide is hanashadeennaa macaanka iyo raaxada nololeed ku dhammeysmi kartaa. Waxaana fiicned in Bilan Hagarla’ laguu bixiyo.”

Inta hadalkiisii qalbigeedii toban baac hoos ugu degey oy sidii xishood galay gorodda hoos u rogtay bey tiri, “Dalalow gacaliye! Waxaan ku fiicanahay iyo waxaan noloshaada ugu fillahayba waa ii haysaa, ee hays gabin.”

Intuu labo saddex jeer qoslay buu yiri, “Sheekadii aan ku noqonnee, maxaad ku tashatay habeenkii dhoweyd?”

“Hadalku waa sarbeeban yahay, xaggee kaa dhaafay, ma su’aal beyse leedahay gabar tiri, inaan reerkeygii ka talo baxaan rabaa, Dalal intaas ma garatay, mise talo wax boob baad ka taqaan?”

Isagoo qoomameynaaya su’aashiisii ay ku yare qalloocisay buu yiri, “Waa hadal wanaagsan, waan ku afgartaye goormaan ballannaa aan arrintaad sheegtay, xiisey leedahaye, halkii ka sii wadnee? Ma ka dhigannaa sadex maalmood kaddib, berrito waa Salaase e, maalinta Jimcaha?”

“Waxba kama qabo, xagga galbeed ayaan ariga u soo daaq geynayaaye, sidaas ha inoo ahaato.”

Goortey intaas tiri, baa waxa isa soo dultaagay Cali Dalmar oy Dalal wada socdeen, wuxuuna ku yiri, “Gabarta maxaad ku daldaleysaa?”

Wuxuu ugu jawaabey, “Faduuli baad tahay, maxaa kaa galay waxaan ku daldalaayo?”

Goortii intaas leys yiri, ayuu Dalal Bilan intuu gacanta qabtay, xaggii guriga u dhaqaajey isagoo aad mooddid inuu Cali ka shaxeexaayo inuu la qabsado, in yar kaddibna rugteedii ayuu ku hubsaday.

Qeybta Saddexaad

Intii loo sii socday golihii, Dalal iyo afartii kale dhallinyaro ay ka mid ahaayeen Cali Dalmar iyo Warfaa Jaamac, kaftan ayaa leysku tuurtuuray, hase ahaatee Dalal waxaa la cuslaatay fekerna ku reebtay arrinkii ay soo jeedisay Bilan uuna u carrablaabay inay wada dhammeysan doonaan saddex casho kaddib, maxaa yeelay waxay markiisii hore ka ahayd xodxodasho iyo xaal dhallinyaro. Haddase mar hadday tiri, “Inaan reerkeygii ka talo baxo baan rabaa,” wax kale ma ahee hoy bey rabtaa. Wuxuuna uurka ka yiri, Bilan oo ooridaada noqota wax la heli karo ma ahe, markaas haddeyba raalli ka tahay ka hadal malehe tashigeeda gal.

Markii golihii la tegay isagiyo dhallintii la socotay oo geeli la maalay ayaa leysugu yimid ardaagii dabku ka shidnaa, waxaana hadalkii bilaabay Cali oo yiri, “Aniga Dalal baa iga yaabshay, waayo caawa oo dhan markaan ciyaareynay gabadhii wadaadka beeshu dhalay ayuu wax ku quraamaayey, kaalay miyaad ka duceysaneysay?”

“Kama duceysaneyne adigu ma xaasid baad tahay? Maxaad hadba kaaya isu soo dul taageysay, oo aannu kaaga haasaawi kari weynay?” buu Dalal ugu jawaabay.

Warfaa baa qaatoo yiri, “Waxaan tuhunsanahay in Dalal iyo gabarta Bilan arrin meel u yaale, maad Calow ka gaabsatid. War adna noo warran aan xaajada la soconnee.”

Dalal baa qaatoo yiri, “Horta nimanyahow idiin warramey, oo nin gabyaa ahaa oo la oran jirey Shankukibir baa beri hore jeclaaday haweenay la oran jirey Shacni Cali Ibraahim oo ka mid ahayd haweenkii Sayid Maxamed geesigii ka dhintay, Wuxuuna gabay ku yiri:

Nimanyahow an waan shuqulsanaa, waxaad shaxeyseene,
Qalbigay shareeraa, waxaad gabay shubeyseene.
Shaac baxay la moodyey Shacnaan galay shu’uunteede.
Waa midaanan sheekona ku maqal shaahidnow arage.
Waa shidho Ilaahey ka riday Shiikhii Waal dhalaye.
Ma shiddeyso oo socodku waa shaan u gooniya e.
Waa shaamareeraa ninkii shuufa laafyahaye.
Shubbad lacag ah, lawshado shushuba boqor shulla jooga.
Iga wallaanan shoob kale hareen shey rag leeyahaye.
Shanta haddaan ku dhigo, naago kale ima shiddeeyeene.
Yaa igu sharriba gacalo waa igu shisheysaaye.”

Dalal baa isagoo si wata hadalkii yiri, “Idiin ma sheegine, gabarta laga hadlaayo maalin dhoweyd ayaan nasiibsaday inaan la kulmo, iyadoo intey dharkii oo dhan iska dhigtay, oo garbasaar jilicsan keligeed guntatay oo haro xareed ah ku dabaalaneysa. Waxaadna maleyn kartaan sidaan daawashada jidhkeeda uga sugtay markaan u jirsaday masaafo yar oon xundhurteed si fiican uga arkaayey.”

Cali baa cirkaas ka qeyliyey oo yiri, “Waahiwaah! Waxasaa daawasho ah, war bal ku celi.”

Warfaa baa isna farta qaniinoo yiri, “Maxaad fashay?”

Dalal baa ku noqdoo yiri, “Waxaan falay ha dambeysee i daaya aan gabarta aan arkay idiinka warramee, yaab dartiis dhafooradaad gacmaha saari doontaane.”

“Horta intaanan quruxdeeda xubin xubin u sheegin, tilmaanta midabkeedu waa kaad aragteen, oo waa marriiri dhalaal casaan raac ah, weydna ma ahe inta hilibkeedu qorqoran yahay ayey dhex yar tahay, oo isku sar go’an tahay, xagga jooggeedana ma gaabna e, dherer dhexe ayey raacsan tahay. Intaas waxaan raaciyey quruxda gabartaas loo dhiibay markaan qiyaasay waxaa loo dhammeystiray soddon iyo labadii xubnood oo dumarka laga daawado, horena loo yiri haddii gabari leedahay ayse gabar tahay, guurkeeda sina looma daayo. Hadday naag nin leh tahayna raggii hore waxay yiraahdeen waa leysku dayaa in ninka qaba lagala baxo.

“Soddon iyo labadaas xubnood oy Bilan leedahay dumarna quruxdoodu ku dhan tahay, waa afar ay dhummuc u leedahay, oo waa labada kub iyo labada cududood; afar u dhaadheer tahay, waa labada gacmood, timaha iyo qoorta; afar ay u caddahay. waa labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab; afar ay u madmadowdahay, waa labada indhood wiilkooda iyo labada suuniyood; afarey deeb u leedahay, waa labada debnood iyo labada mudane; afarey u yare shilis tahay, waa labada shidhir iyo labada takoorin soo raacooda wareegsan; laba ay u dhuudhuuban tahay, waa qoorta iyo dhexda; labo ay u shushuban tahay, waa labada dhaban; hal ay u buuxdo waa shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan ishuna ku nasato; iyo hal ay u qoran tahay, waa sanka. Soddonkaas aragay ugu qurux badan tahay, labona maqalkooda ayaa dheguhu ku raaxeystaan, oo waa qosolkeeda iyo codkeeda macaan, markay erey tiraahdaba. Sheeko waxba tarimeysee, socodkeedu waa yaab aan hore loo arag, nin arkay
baa quruxdeeda maleyn kara, ee nin kale ma qiyaasi karo, ina rumeysta markaan is hortaagay laabteeda sidii muraayadeed baan isugu arkaayey, yaab iyo yaab!”

Halkaas markuu maraayo ayuu Dalal yare aamusay, oo u fiirsaday labadoodii, mise asigey fiirinayaan, oo dhafoorradey gacmaha ku wada hayaan, sidii ay muuqaalkeedii daawanayaan.

“Miyaanay waxaan arkay yaab iyo dhafoorro hays ahayn?” ayuu ku yiri.

Cali baa qaatoo yiri, “Waa dhafoorro heyse, ka soo qaad waadba guursatay, sow raggii hore may jideyn, adna kuma raacsanid mar haddey xubnahaas leedahay ninka guursada in laga qaado?”

Dalal waa is dhaafshay hadalkii Cali, hase ahaatee, Warfaa baa yiri, “Cali waxaan ku nacay waa doc ka yeer, war maa noo deysid cidna naag ka qaadimeyside, wax ma tarayahow, ha naloo sheekeeyee.”

“Taasi waa guubaabo,” baa Cali yiri.

Dalal baa qaato yiri, “Mar kastoo aan la hadlo, intey yare qososho ayey cod yare macaan, oo qalbiga taabanaaya, hadalkeeda ka bilowdaa, ‘Haa Dalal sidaas iyo sidaas,’ qoodhiin iyo xeradiin gabarta intaas oo tilmaamood oo badiba afarba, ama laboba iaku sifo tahay leh, miyaanay ahayn inuu ninkii arkaa anfaco diido, miyir beelo oo qalbigiisu jaceyl la wahmo? Su’aashii ahayd maxaad fashay; waxaan ka iri, waxii nin rag ahi isku dayi lahaa ayaan isku dayey, maadaama ay dagneyd, hase ahaatee wax guul ah kama gaarin, nabarkii aan idiinku iri geedaan ka soo dhacay buu igu gaareyna beentey bay ahayd, ee isku daygeedii ayuu igu muday.

“Run ahaantiina sidaasaa ii fiicneyd, maxaa yeelay markaan sii sheekaysannay maalintii iyo caawaba qof qiime weyne ayey ila noqotay oon lagu ciyaari karin, xumaanna loo quuri karin, xurmo mooyee.”

Cali baa qaatoo yiri, “Haddey sidaas tahay ood damacday gabartaasoo kale yarad badan ayaa laga rabayaaye maxaad yeeli illeyn aabbahaa wax geela kaagama dhiman? Adeerkaaga geeliisa aad heysaana waa bakhayl la yaqaan oo tuludna kaa bixinmaayo.”

Warfaa baa yiri, “War dee Dalal gommoddaad heysaa, ee sii daa gommodda.”

“Ma ahayo e isagaa boholo jeexaaya,” buu ugu jawaabay Cali.

Dalal baa isagoo u jawaabaya Cali yiri, “Horta ma ogtahay labadii qof ee is rabtaa inaanay wax xoolo ahi xirin, is rabitaankooda ayaa muhiim ah. Miyaadanse maqal sheekadii gabarta intey maalintii nin la soo ballantay inuu habeenkii la baxo tiri, fiidkii iyadoo aabbaheed iyo reerkoodii oo dhammi wada maqlayaan, ‘Dayax needhi neylo ka caddaa dheh, Allow caawa yaa nin raaca.’ Aabbaheed oo si fiican u maqlay, kaftanse ka mooday, ayaa u jawaaboo yiri, ‘Heblaayoy haddaad nin haysatid fasax baad tahaye raac.’ Haddii la wada seexday, ayey kabaheedii hoosta ka xadday, oo ninkii oo duleedka ugu naban hore u raacday. Sidaasaa labadii is rabtaa xoolo u xirin, loona kala reebi karin.”

“Maxaad leedahay hadda waa la baxayaa Bilan?” baa Cali weydiiyey.

Wuxuu ugu jawaabey, “Si uun baan yeelay mar haddey iga soo go’do.”

Cali baa ku noqdoo yiri, “Yaa! Waad indha adag tahay. Ma gabar reer dhalay baad iskala baxaysaa?”

“Caliyow waxaan ku iri, waxaan kala garan la’ahay inaad Bilan docdaada ka rabtid iyo inaad sidaada xaasid u dhalatay,” baa Dalal yiri.

Warfaa baa hadalkii qaatoo yiri, “Midna ma’aha laakiin qodqodka iyo hadalka qallafsan ayuu u dhashay.”

Cali baa noqdoo yiri, “Xagga xumaatadaba haddaan kaba soo qaado, ma ogtahay inaan Bilan guurkeeda kaa leeyahay, waayo aabbahay ina adeertiis labaad ayaa dhashay, markaas waa ina abtidey gayaankeeda xaqa ah, miyaanan ahayn? Berritaan haddaan doono u gole fariisan karaa.”

Dalal baa isagoo caro wajiga ka saaran tahay yiri, “Car iyo wir baan ku iri.”

Warfaa baa markuu arkay in leysku af xun yahay soo dhexgaloo yiri, “Kaftan bey ahayde miyaad isku xanaaqdeen? Kala aamusa, oo halkaas hadalku ha ku ekaado.”

Haddii sheekadii halkaas ku ekaatay, oo Dalal iyo Cali caro ku kala seexdeen, oo isla markiiba la wada gam’ay, sacabkii ay ku soo daaleen aawadeed, ayaa waxa Dalal riyo lagu tusay isaga iyo Bilan oo haradii ku wada dabaalanaayo.

Sidase aalaaba dhacda marka qof riyo xun ku riyoodo, waa mahadiyaa markuu soo baraarugo, oo ogaado inaanay run ahayne riyo uun ahayd. Haddiise riyadu tahay mid macaan waxay naftu iyadoo muhaneyso macaankii, jecleysataa markey soo baraarugto iney riyadii dib ugu soo noqoto oo raaxadii halkii ka wadato, ku hungowse sidii hortiis loogu hungoobey. Waxase riyadii sii adkeysay mohashadii jacaylkiisii uu Bilan u hayey, hadalkii Calina dhafoor taabasho ayuu qaatay, oo wax badan ayuu habeenkii ka fekeray waxuu ka yeeli lahaa.

Sidaas darteed, si uu u tuso Cali iney tiisa tegeyso ayuu aroortii Dalal Warfaa hoos ugu sheegay inuu socdaal aan dheereyn iyo cidihii adeerkii aadaayo. Wuxuu kaloo yiri, “Arrintaas Cali waxba ha la socodsiin meeshaan aaday, hadduu ku warsado iyo haddii kaleba.”

Waxuu Warfaa ugu jawaabay, “Ha ka yaabin inaan wax kaa sheego ee nabadgelyo, arrintii Bilanna ha moogaanin nin baad isku dhaarateene.”

“Wax baad maqli doontaa, ama daadku i qaad, ama wallee wacdaro dhigay,” baa Dalal yiri.

“Waa loo joogaa ee garabkaaga Alla ha galo.”

Qeybta Afraad

Dalal isla waqtigii cagtuu ka waday, hase ahaatee intaannuba weli libdhin ayaa Warfaa oo Cali wax la haya, Cali u yeeri oo ku yiri, “Sow maad ogid inuu Dalal socdaal tegey? Walle waxbaan ogahay.”

“Ha tage maxuu la tegay?”

“Haahe miyaanay kula ahayn inuu adeerkiis Mooge u tegaayo, oo kala soo tashanaayo arrintaad xalay isku heyseen.”

“Ma saasaa malahaagu?” baa Cali ku yiri.

“Nacasow male arag waa nooli e haddaad xalay isku dhaarateen miyaanay kula ahayn intuu maqan yahay inaad Bilan ka wareejisid oo uu yimaado iyadoo ooridaada ah.”

“Ma saasaad ku talisay?”

Warfaa baa ku noqdoo yiri, “Sidaas keliya kuma taline, nacasyahow aan waxba fahmin, Dalal xalay waa ku carreeyey oo car iyo wir buu ku yiri, bal Bilan agteed imow, raggii horena haddii gabar ay u soo banbaxeen guurkeeda looga adkaado, ama madal leysugu yimid waalin ceebi ka raacdo, carrada waa ku kudaali jireen ee ha noqon markaas kan laga guuleysto.”

Cali ra’yigii ayuu la dhacay, waxuuna yiri, “Isla haddaan dhaqaaqayaa, labo midkood bey noqon, anoo Bilan ku guuleysta, ama sidaad sheegtay aan dib u soo noqone kudaala,” sidii buuna kaga dhabeeyey, oo isla subaxdiiba xaggii u maleynaayey Bilan ayuu beegay.

Hadduu dhowr gabdhood hadba mid meel ari la joogto isla taagay, ayuu aakhirkii Bilan oo dundumo hoos harsaneysa xarigna soohaneysa isa soo dul taagay, wuxuuna ku yiri, “Nabad ma sheegtay?”

Waxay ugu jawaabtay, “Wax belo ah ma ogi!”

“Bal warran,” buu yiri.

In cabbaar ah ayaa aamus dhacay, oo Cali garan waayey meeluu hadalka ka bilaabo, oo hadba doc eegay, ilaa ugu dambeystii yiri, “Horta gabaryahay ma i garaneysaal?”

“Arag dad waa ila leedahay,” bey iyadoo dhulka hoos u eegeysa ugu jawaabtay.

“Dad inaan ahay leyskuma hayo e, ma garaneysaa waxaynu isu nahay?”

“Inaad nin gaaban tahay baan kuu arkaa ee wax kale kugu garanmaayo,” bey iyadoo hadalkiisa isdiidsiineysa ku tiri.

Isagoo aan jecleysan inay gaabidiisa wax ka sheegto, ayuu yiri, “Waxaan ahay Cali Dalmar Guuleed Geeddi, hooyadaana waa Cawo Nuur Rooble Geeddi.”

Intey qososhay ayey tiri, “Dee yeelkaa, maxaa iiga shan iyo toban ah, mise waad ii faalineysaa? Maxaad hooyadey magaceeda ka rabtaa?”

Isagii baa qaatoo yiri, “Sidaas ma’aha hooyadaa iyo aabbahay waa ilmo adeer labaad, oo waxay isugu yimaadaan Geeddii, taasaan doonaayey inaad ogaatid.”

Intey istaagtay oo labada kilkilood qabsatay, oo indho kulul ku eegtay tiri, “Maxaad uga golleedahay? Mise haasaawahaa sidaas kaaga tuxsaday? Kanaa iigu daran, waa la haasaawa buu maqlay.”

Markay istaagtay oo uu fadhigeediina ogaa, sarajooggeediina arkay ayuu u marag furay sifihii Dalal ka bixiyey habeenkii dhoweyd, inaanu been ka sheegine ay tahay quruxdeedu indho sarcaad iyo ammakaag.

Waxuu keliya oo aannu wax ka sheegin buruudkeeda la siiyey oy qof kasta oo is hortaaga ku buruud-shiileyso, sababtoo ah markuu eegaba intuu buruud-shiilmo, ayuu hadalkii iyo waxuu ra’yi watay ka duulayeen.

Markuu sidaas fahmay, ayuu isagoo is adkeynaaya markay kacday oo ay u holatay iney ka dhaqaaqdo yiri, “Adigu ragga gaagaaban rag uma taqaanid, ee Dalal oo kale iyo kuwa iska dhaadheer baa wax u taqaan?”

Mar alla markuu Dalal magacaabay bey tiri, intey eegmo kulul ku eegtay, “Ragrif baad tahay, Dalalna fartiis ma guddide meesha ha keenin.”

Cali markaan waxaa muuqatay inuu hadalkii meel la helay, wuxuuna isagoo sii wata yiri, “Dalal halmaan oo labo hal ku halmaan. Tan hore ku halmaan anigaa gayaankaaga habboon ah, tan kale ku halmaan tulud geel ah maleh, anna maal adduunyo meelaan ka joogo waad ogtahay, ama waa laguu sheegi karaa.”

Intey hadalkiisii u soo hogatay ayey tiri, “Geel badan baan leeyahay, gayaanna waan kaaga habboonahay cid kale, waxba kuma fadhiyaan, maxaa yeelay xoolaha waa la helaa, oo doqon hooda leh baaba jirta, marna waaba la waayaa, oo nin raga oon xoolo lahayn baaba jiri kara. Waxaase hore loo yiri, ma wax garad baa dacar lala qooshtaa? Mise wax ma garad baa malab lala shushubtaa? Waxaa la door biday in waxgarad dacar lala qooshto, sababtoo ah wax baaba kaaga kordha. Balse gaabanow nin gaaban geed ciilye waa lays garaad intihiyaaye waxaa sheegtaa saddex xaalo oo raggii hore yiraahdeen, raggana waa ku ammaan, dumarkana waa ku ceeb inay yeeshaan, iyo saddex nin oo aan la raacin.”

Cali indhahaa soo baxay, mar xagguu eegay, oo xagga kale eegay, oo mar dhulka hoos u eegay, oo mar iyadii eegay, mise wax naxariis ahi iyo ka dabcin ah ugama muuqdaan, weliba waxay ku dartay ku jees jees iyo qosol tiiqtiiqsi ah.

Mar kale ayuu dhulka hoos ugu foorarsaday, siduu dhulku jawaab siinaayo, waxuuna yiri, intuu madaxa kor u qaaday, “Gaabidu ragga waa ku ammaan, dumarkana waa ku ceeb.”

“Ma male xumid oo gaabidaadaad meel u sameyneysaa, laakiinse meeshaa waad ku ceebowday, gayaankaagii aad cid walba kaga habbooneyd iyo geelaagii badanaa, wax garaad ah ma kuu kordhiyeen? Jawaabtuna waa maya.”

lyadoo sii wadata bay tiri, “Haddaba aan kuu sheegee saddexda xaalo oo ragga ammaanta ku ah, dumarkana ku ceeb ahi inay yeeshaan, waa doodda, dagaalka iyo deeqda, sida raggii hore yiraahdeen.” Iyadoo sii wadata haddana tiri, “Saddex nin oon la raacin, waa ma horreeyaha, ma hambeeyaha iyo ma haasawshaha, Ninyahow haddaan markaas ku intihiye inta kale ha joogtee, marag sow kama tihid inaad haasaawihii iyo dooddiiba ku hartay?”

Cali intuu haghago yeeshay, oo wuxuu yiraahdo garan waayey yiri, “Maya ma garan waayine horaanan arrimahaas halxidhaalaha ah u maqal.”

“Xaggee joogi jirtey? Miyaadan waagaa la noolaan bulsho kaftanta, googgaaleysta, is halxidhaaleysa?” bey ku tiri.

Waxuu ku jawaabey, “Maya, waa la noolaa ee anaan isku taxalujin jirin.”

“Ma saasaa? Oo haddaadan kaftan aqoon, haasaawe aqoon, halxidhaale aqoon iyo xikmad midna wax ka aqoon, ma dhigahaan kugu aslayaa? Mise awr aan dhaansadaad ii noqon? Mise xadhkaan kugu madoobeysan magalooti.”

“Miyaan is caayeynaa?” buu yiri.

“Maya e waxaan ku leeyahay meesha ka huleel yaan gabbalku kuugu dhicine,” oo hore isaga dhaqaaqday.

Dani waa seeto e ducdey u dhaqaaqday ma ahe docdii kale ayuu u dhaqaaqay, isagoo kabna gashan kabna laalaadinaaya, waxuuna goostay isagoo taladii Warfaa raacaaya iyo dhaqan jira inuusan beelihii iyo bulshadii dib ugu noqone deegaanka ka kudaalo.

Qeybta Shanaad

Habeenkaas oo Jimce ahayd, Sheekh Aw Jaamac, Bilan aabbaheed sidii loo dardaarwirayey ayaa waxaa waagu ugu beryey siduu u cibaadeysanaayey, oo marna Quraan u akhriyeeyey, marna u tukanaayey. Waagii markuu beryey oy arigii dareerisay ayuu Bilan u yeeray, waxuuna ku yiri, “Weli miyaad uur xun tahay dilkii lagu dilay?”

Waxay tiri, “Maya aabbe iska illaabey.”

Waxuu ku yiri, “Ha ciil qabin waa kuu duceynayaa in Ilaahay meel roon ku mariyo, rug wanaagsanna ku dejiyo, arigana qoomaal baa jirtee u feejignow.”

Inkastoo Bilan raalligareysay ducadii aabbaheed, haddana waxay is tiri, Ma fekerkaagii aad ayaamahan aayahaaga ka fekereysay iyo ballankaad maanta leedahay ayuu kaa akhristay, hadduubase sidaa tuhmay uuna duceeyey, ma xuma ishaaradiisu.

Sida jirta, marka keliya oy gabari u jeceshahay iney gayaankeed la kulanto, waa markey is tiraahdo xarrago waa ku dhan tahay. Markaas Bilan iyadoo soo diyaar garowday oo arigii dhex joogta bey raagsatay immaantinkii Dalal, ilaa aakhirkii waxay hadba dundumo korto oo ka eegtaba markey arki weyday qorraxdiina ku kululaatay ay geed damal ah iska hoos fariisatay.

In cabbaar ah haddey geedkii hoos fadhiday ayey waxay maqashay sanqadh xagga rugtii cidahooda, oo samada ka yeereysa oy diyaarado u maleysay. Ma ay daneyne intay garbasaarteedii goglatay ayey jirjirka u jiifsatay, oo isku tiri, Ma diyaaradihii Kuubaan baa wada la lahaa baa? Ma naxaan baase la lahaaye Ilaahow naga badbaadi sharkooda. Goorey sidaa u jiifto oo fekerkaa heyso, baa waxaa indhaheeda ku dhacay gorgor weyn oo wax laadlaadsanaaya, oo siduu u soo duulaayey geedkii soo dul fariistay. Inkastoo weynaanta gorgorkaasi ka yaabshay, haddana intii dambe wax kale kama fekerin, Dalal hadduu kuu yimaaddo xaggee haasaawaha ka bilaabeysaa ayaa fekerkeedu ku ekaa.

Siday fekerkaas ugu jirtay, ayaa dhacaan yare guduudani oo dhibicdhibic ahi kor kaga soo tifqaamay, dabadeedna intay yare soo fariisatay, ayey iyadoo u maleynaysa maaleeyadii geedka qori yar qaadatay, oo dumar is qurxin laga raacye cidiyaheed gacmood midba mar ku guduudisay dhibicdii soo dhacdaba, markey cidiyaheedi gacmaha dhammeysay oo quruxda ka soo baxday u bogtay, ayey haddana kuwii lugaha ku bilowday, haddey laba saddex farood marisay ayey dhibcihii guduudnaa isu badeleen dhibco kuwii hore ka yara adag oo salsalaaba caanaha garoorka ah. Waxay la yaabtay oo hadba fiirisay isbeddelka dhacay. Halkaasaa inta shaki galay ay mar keliya si lama filaan ah intey garbasaarteedii hurguftay geedkii ka soo hoos baxday, gorgorkiina intuu aad u naxay ayuu geedkii kor uga duulay, waxaana dhulka uga soo dhacay wax culus oo ay rugtiisii dib u jalleecday, dabadeedna intey yare hakatay ayey faduul ahaan is tiri, Bal hubi walaxa gorgorka ka soo dhacay. Goortay ku soo dhowaatay asaaneyse dul tegin ayuu walaxii ula muuqday wax cabsi geliyay, kolkaasey dib u carartay.

In masaafo ah haddey orodday, ayey haddana la ahaan weyday oo dib ugu soo noqotay si ay u hubiso, dib u soo noqoshadeedii mar labaad iyadoo weli naxsan ayey isa soo dul taagtay walaxii, waa amakaag iyo yaabe! Waxuu ugu muuqday madax dad oo dhafaafulan, weliba madax dada keliya ulama ekaane markey u fiirsatay wuxuu u muuqday inuu yahay madaxii aabbaheed, oo garkii iyo debnihii keliya lagu soo sooci karaayo, intiisa kalese dhafaafulan tahay.

Naxdintii ay naxday, ayey waxba kala garan weyday, oo noqotay sidii wax deyoobey, hadbase indhahay gacmaha ku marmartay si ay wax ku aragoodii ku soo celiso. Waxbase uma kordhine madaxii baaba markey sii fiirsataba, madaxyo badan looga dhigay. Waxay is diidsiiso runta hortaal, aakhirkii shaki la’aan waxay xaqiiqsatay iney runtu run tahay, oo waxa hor yaalli yahay madaxii aabbaheed Aw Jaamac.

Bilan tabaalaha adduunyada ayey la qarracantay, lana muraara-dillaacday, jidhkeedii oo dhamina sidii biyo baraf lagu riday ayey xubin waliba halkeedii gooni ugu teweftay. Waxayna hadba aragtay hadhkeedii, oo kor maray iyo dunidii oo sidii la afgambiyey, dhulkiina kor maray, cirkiina hoos jiro. Waxay damacday iney qeyliso, hase yeeshee intay jidiin qabatowday ayaa codba ka soo bixi waayey, waxay doontay inay oydo, hase ahaatee, waxay oyday oohin aan ilmo lahayn.

Waxay keliyoo awoodday markay hayn weyday dafaafulka madaxii iney goobta ka cararto, markeyse in cabbaar ah orodday, bey la ahaan weyday iney sidaas kaga tagto, oo dib u soo noqotay, waxay yeeli lahaydba markey in yar u soo jirtey ayaa coomaade weyn intuu isa soo kankooshay qaatay madaxii oo sammadaas iskula shareeray, gorgorkii oo dusha ka ilaashanaayeyna waa ka daba duulay. In cabbaar ah ayaa samadaas leysku ceyrsaday iyadoo iyana hoos rooreysa. Ugu dambeystii iyadoo aad mooddid in coomaadihii madaxii ku cuslaaday, gorgorkiina ku soo kuuriyey, ayuu dhulka ku soo daayey. Isla markiiba gorgorkii ayaa la duulay, coomaadihiina waa baacsaday in yar kaddibse ayuu dhulka ku soo daayey meelaan iyada ka fogeyn oy amminkiiba dul tagtay.

Haddey is tiri talo kale malahe, intey silcin lahaayeen qaad oo astur, ama cidihii u gee, ayey waxay eegtay hareerta bidix, waxayna isha la heshay gorgorkii oo soo fadhiya. Wuxuuna malaheedu siiyey markey u fiirsatay xooggiisa weyn, dhuuntiisa dheer iyo qoortiisa muruxsan, indhihiisa caweeran oon raxmadda lahayn iyo carrabkiisa guduudan ee dheer, ee uu soo laadlaadiyey, ilaa dalqadana muujiyey, inaannu gorgor caadi ah ahayne yahay cunsur hor leh oo carrada timid, oo raxmad darro iyo aarsi ka muuqdo, waxbana aan reebeyne dadyahan ah, oo afkiisa sida qadduunta ah wax walba ku qaadanaaya.

Waxay haddana eegtay xagga midig, mise ka sii darane coomaadihii oo lugo xoog weyn ku taagan, oo madaxa iyo dabada bulkeeduba cad yihiin, oo faraxsan baa isna u soo malabsanaaya inuu ka faa’iideysto oo feento hambadii gorgorka ka hartay.

Marna waxayba is tiri, ha foolxumaadeen, markey aragtay labadaba ladnaantooda iyo shileyskooda, inaanay baahiyi madaxa u hayne ay ka tahay ku dheeldheel iyo ku dheregdhacsi; iyo in midba mar awooddiisa dhoolatus ku sameeyo intuu la duuli karo, iyo inta ciddiyihiisu haaro ka jeexi karaan.

Si kastaba ha ahaatee, Bilan rajo kaleba waa dhigtay aan ahayn sidee naftaada ugala badbaaddaa labada horor, oo midba midka kale ka daran yahay.

Halkaasey intey hoos u foorarsatay labo dhagax qaadatay, oo midba mid ku tuurtay, ilaa midba doc u duulay iyagoo ku qeylinaaya ‘qaw-qacaw qaw-qacaaw.’

Dani waa seeto e intey madaxii maradeedii ku xambaaratay, ayey xaggii arigeedu ka jiray la aadday, iyadoo ku barooraneysa, “Aabbow, ba’ayeey! Ba’ayo ba’ayeey, maantaan ba’ayayeey, anaa iska ba’ayeey!”

Waxay oroddoba arigii bey u soo dhawaatay oo uu dhex taagan yahay nimey u maleysay inuu yahay Dalal oo faras qurxoon ku jooga, waxayna jecleysatay iney mar keliya gaarto, hase ahaatee ayaandarradeeda goorey in yar u jirto, bey waxay aragtay labo baabuur oo ciidamo Xabashiyeed iyo Kuubaan saaran yihiin, oo iyadii iyo Dalal dhexmaray. Si aanay u arag geed bay hoos gashay oo fiirisay waxay falayaan. Waxayna aragtay ciidammadii oo Dalal iyo faraskiisii labo baabuur ku eryoonaaya, oo hareeraha ka dhigay. Fardafuulka ayuu belo ku ahaaye, in cabbaar ah ayuu hadba waxuu baacbaaciyo oo marba geed ka boodaba ay qaban kari waayeen. Aakhirkiise waxay eryoodaan intey rasaas ku fureen ayey faraskii kala hoos baxday, isagiina barbar ugu dhacday. Halkaasey ku kaxeysteen isagoo soconaaya ood mooddo inaan waxba gaarin, arigiina waxay qaadan karayeen intey baabuur ku gurteen intii kalena rasaas ku fureen. Mararka qaarkeedna intey neefafka yar yar ee baraarka ah kor u tuuraan ku dhugtamayeen.

Qeybta Lixaad

Halkaasey iyadoo cirka daruur yar shuuxeysaa isku soo jiqsiiyey, oo dabeyl qaboobi hareeraha ka dhaceyso, Bilan oo ari raacato ahi, oo arigii ka fara maran, himiladeedii jaceylkeeda iyo rajadey nolosha ka qabtayna habeen uga dumay, ka orrodday goobtii, iyadoo tabaallaha gobolka qeybteedii xambaarsan. Waxay oroddaba, ama gucleysaba waxay gaartay rugtii ay reerka ku ogeyd. Sidey maleyneysay, wixii horeba waaba waxba e, waxay isa soo dul taagtay goobtii rugtu ahayd oo godod iyo boholo ma ahe waxa kale ka muuqan, kaddib markey diyaaridihii ay guuxooda maqleysay bambooyin iyo rasaas danbaska kaga dhigeen.

Ma ay rumeysane hadba doc ayey u jeensatay, mar waa kacaa joogsataa, mar waa kadaloobsataa, mar madaxey gacmaha saarataa, si ay uga indho qarsato hoogga iyo ba’a meesha yaal.

Aakhirkiise, waxay aragtay iney lagama maarmaan tahay iney intaan gabbalku dhicin hilibka filiqsan god isugu geyso oo ku awdo. Markaasey hadba xubin ay ku dhalaalootay qaadday oo meel god ah isugu geysay. Mar walba oy cad qaaddona waxay fiirineysay iney kala garato xubnaha hilbaha meesha filiqsanaa dadkey ka kooban yihiin, oo meesha ku hoobtay. Waxaana malaheedu siiyey middey gacantiisa garato iyo midey lugtiisa maleyso iney meesha ku dhinteen aabbaheed iyo walaasheed ka weyn, oo siddeed bilood ka hor la aroosey iyo walaalkeedii weynaa iyo ayeydeed iyo dumaashigeed, waxayna xubiney ku tilmaansato ka weydey hooyadeed iyo walaalkeed Haybe, oo u yaraa reerka.

Marey is leedahay waad dhammeysay hilibka filiqsanaa ayey heshay cad yar, oo tantoomo ka yar weyn, oo aad uga duwan hilibkii kale, meel ay jidhka dadka uga maleyso ayey kasi weyday, waayo gacan ma ahayn, lug ma ahayn, madax ma ahayn, calool ma ahayn oo dhabar ma ahayn.

Haddana waa yaabka yaabkiise markey u sii fiirsatay cadku ha yaraadee inta qof jidhkiisu ka kooban yahay ayuu ka koobnaa. Waxa uun dirqi u muuqanayey meel markaas abuur ku jira sida sanka, afka, madaxuse wax timo ah ma lahayn, sansaanta abuurkiisuna lab ayuu u ekaa. Intey ku foorarsatay ayey sidii uu wax nugul yahay qun yar kor labada gacmood ugaga qaadday dhulkii. Waxay yaabtay oo garan weyday wuxuu yahay, oo marba doc u rogtay hadbana jiho ula jeecsatay.

Waxay naxday naxdin aaney hore u nixin oo intey jilbaha dhulka dhigatay ayey hilibkii kale meel kulama ridine, geed maras ah hoostii dhulka u kala xaartay, oo ciid ku awday, iyadoo cod urugo ku leh, “Raxmaan baa roonaadee, ha ahaado geedkani mid nuurkii naftaadiyo marba ileyskaa ka soo baxo.”

Goorey yaabban tahay, jawiguna dhadhamaayo hoog iyo ba’ iyo jawi geeriyaad, qorraxdii ay keligeed weheshaneysana u muuqatay inay sii dhacayso, habeenkiina gudcurkiisii iyo waxuu cabsi lahaa isla soo madoobeeyey, oy isleedahay meesha iskaga tag, ayey waxay heshay kitaabkii Quraanka ahaa ee aabbaheed. Intey qaadday oo boorkii ka tuntay, ayey aayaddaan kaga soo baxday baalashay kala bixisay akhriday, oo tiri, “Kuwa markuu dhib ku dhoco yidhaahda Eebbaa na leh isagaana u noqonaynaa.”*

Waxayna dareentay markay aayaddaas akhrisatay, labo saddex jeerna intey kitaabkii laabta saartay dhunkatay, in isla markiiba cabsidii ka yaraatay, yididiilo hor lihina gashay.

Waxayna goobtii uga dhaqaaqday haddii gabbalkii dhacay xagga Waqooyi, si aaney habardugaaggu ugu soo weerarin goobta raqda. In yar haddey goobtii ka socotay bey waxay heshay waa qoys halaagmaye, wiilkii reerka u yaraa ee walaalkeed ahaa, Haybe oo lug ka dhaawac ah oo dhiig baxay, hase ahaatee, ha taag darraadee weli nool. Marey lugtii uga xirtay mana fogaane waxay la gashay geed jiq ah hoostiis.

Cirka daruurtu waa ku soo kordhay, wuxuuna u muuqday sidii mid da’i doona, Bilanse intii fiidkii hora ahayd daalkii iyo diiftii heysay ayey la gataati dhacday, oo waxba jawiga iyo galow ciyaayey kama ogeyn, Haddiise habeenkii saddex dallooloo dalool tegay, ayaa la horkeenay dhacdooyinkii maanta, waxayna ku soo toostay gurxan iyo reen habardugaag oo aan kala go’ lahayn, oo goobtii raqdu ahayd ka yeeraaya, iyo wiilkii yaraa oo ku ooyaaya oo leh, “Hooyo meedey caano ha i siisee? Aabbe mee ha i qaadee? Walaaley gaajaa i heysa e.”

Intey dhabta soo gelisay inankii, bey sidii ay la faqeyso dhegta afka u saartay oo iyadoo baroor iyo calaacal isku dareysa ku tiri, “Haybe walaalow, illeyn daa’imaad tahaye, dhallaan garaad la’ baad tahaye, xaggee aabba iyo hooye joogaan, sow kuwaas raqdoodii bahaluhu ku loollami. Wahay halaaggii adduunyada, waxuu heero leeyahay, hoog iyo ba’iisii, hohey leyna huwiyey, ma habaar Raxmaan baa?”

Iyadoo ilmadeedii inanka madaxiisii qoysay gacanta kaga tirtireysa oo madaxa u yare salaaxeysa, si ay u sasabto ayuu haddana yiri, “Walaal biyo i sii. Walaal habaryari meeday? Hooyo iyo ayeeyo meeye?”

Intey ilmadii indhaha ka dareereysay afka u marmarisay si harraad bax ha joogee, afka ugu qoyso ayey tiri, “Caku! Habeenku dheeraa, dheeraa dhib badanaa, harraad biyo la’aan iyo hiirtaanyo badanaa, xaggee biyo ka keenaa?” Intey yare aammustay, haddana tiri, “Waxaan hodonka yaasiin, Haybow ka yu’anaa, inuu hoobaalkii Dalal, haasaawaha macaanaa, naftaa ku himbilayootee, halaakada ka dhowraa.”

Inankii baa yiri, “Walaal dhanaanaa biyahaad afka iimarisay.”

“Haahey walaal, lama yaabbani, oo biyo ma aha e waa ilmo urugeed, waana dhanaan tahay.”

Waxay habeenkii oo dhan gelinkiisii dambe calaacal iyo boohin iyo cabsi ku abaaddey, waagii hadduu beryey ayey intey wiilkii xambaarsatay xagga cadceed ka soo bax ula dhaqaaqday. Bacdamaase aanay raqdii hooyadeed weli arag wax u xaqiijinaaya, tuhun baa galay iney dhaawac noqotay, amaba nooshahay. Waxay markaas goosatay iney goobto raqdeedii si ay u samirto. Sida keliya oy ku raadin kareysaana ay tahay haddey intey dhaawacantay meel kale dhaawacii ugu dhimatay, iney arki doonto meesha haadku ku hindiwaasaayo, haddey nooshahayna maruun is heli doonaan.

Waxay socotaba oo marba jiho fiiriso, goorey duhur tahay oo gaajo iyo baahi la liidato, wiilkii yaraana indhuhu jillaadmeen oo aad moodeysid iney qaarka dambe ka soo baxday, ayey meel in cabbaar ah u jirta ku aragtay haad badan oo dul heehaabaaya, shaki la’aan iney goobta raqdeedii tahay ayey la ahaatay. In yar kaddib markay u soo dhowaatay goobtii waxay aragtay dawaco iyo gorgor noociisa aan kii shalay laga aqoon oo marba mid la baacsanaayo. Marka dawacadu gorgorka baacsanayso ma duuli karo e intuu in masaafo ah hagagaf yiraahdo ayuu dirqi ku duulaayey. Markuu samada ka soo degenaayona intuu isa soo kankoorsho oo baalasha soo kala bixiyo ku dharbaaxaayey baalasha dawacada, goortuu ka eryoodona si deg deg ah wax u hiigaayey ilaa dawacaduna ku soo rogaal celineyso oo iyana markay markeeda ka eryooto wax dudubineysa.

Markaan itaal dari awgeed wax hubsi ma ahe itaal mahayn ay raqda ku ururiso amaba ku aasto sidii kuwii hore.

Sidaas darteed, dawacadii iyo gorgorkiiba markay eriday ayey isa soo dul taagtay, inkastoo ay raqdu lafo soogan ahayd, haddana markey dharkii filiqsanaa aragtay, waxaa u caddaatay raqda meesha taal iney tahay tii hooyadeed.

Wax kale ma sameyne intey inankii xambaaradii ka furtay oo is agdhigtay ayey isku dul tuurtay raqdii oo intey oyday hadba lafihii iyo feerihii soognaa taataabatay, goorey ooyeyso oo hadba laf diiran taabaneyso bey waxay aragtay gorgorkii oo intuu baalashii soo kala bixiyey xaggeedii u soo rooraaya oo ‘cacaw… caaw caaw’ leh, ciilkey u qabtay ayey iyadoo ku haliileysa tiri, “Naga tag aabbaad cuntay, hooyaad cuntay, waxba miyaadan reebeyn?” Goortuu arkay iney dhagax u soo sidato ayuu dib isu rogey. Iyana kama harine cagtey cagta u saartay markey aragtay gaabiskiisa, maxaa yeelay, sidii diyaaradaha xamuulka ee waaweyn ayuu weynaan iyo dhereg la duuli kari waayey ilaa uu in doora orday oo gaari xawli uu kor isugu qaadi karo.

Markan Bilan wax kale fekradeeda kuma soo dhicine, lafahaaga la baxso ayaa u muuqatay. Halkaasey intey kitaabkii qoorta suratay cagta dhaqaajisay. Waxay eegtay samada, mise gorgorkii oo haad oo dhammi gelbinayaan siduu boqorkoodii yahay ayaa dul heehaabaaya siduu iyadana ilaashanaayo.

Waxay maalintii marba luuddo, marna nasato, marna kor iyo gorgorkii iska ilaaliso, goorey yaabban tahay oy casar liiq tahay ayey sawaxan ka maqashay horteeda.

Rajo intey gashay ayey tallaabadii kordhisay, hase ahaatee intaaney gaarin ayaa gabbalkii dhacay. Qiyaastii saacad kaddib bey waxay maqashay hadallo aan caadi ahayn, waxay u fahamtay ayaandarideeda iney soo dhexgashay ciidankii Xabashida iyo Kuubbaanka saldhiggoodii, labo dhagax dhexdood ayey gashay oo shafka dhulka u dhigtay.

Haddey qaddar saacad ah meeshii ku jirtay, baa waxaa in yar u soo jirsaday askari gaafameer ah oo buntukh sita. Intey naxdin la jiriricootay ayey isla hadashay oo tiri, Maya, maya, ma rumeysan karo saldhiggii Xabashida iyo Kuubbaanka ayaad adoo cidihii keligaa ka badbaaday afka uga soo gashay. Waxay ku celisay, Ayaandarriyaa, maxaa leyla maagay?

Waxay is diidsiiso halistay ku jirto, intii hore, ugu dambeystii xaqiiqsatay iney debinkii cadowga gashay, waxayna uurkeeda iska tiri, Alla baa dhulku ila go’.

Intey sidaas ku caloolyoobeysay, baa askarigii hareeraha ka dhaafdhaafayey ku soo dul fadhiistay labadii dhagax oy hoos gashay. Bes beyba ka noqotay, oo sidii wax mar hore naftii ka baxday naxdin darteed ayaa xubin dhaqaaqda la waayey. Waxay isku dayday si ay u sii qarsoonaato iney neefta isku celiso, hase ahaatee rugrugtii wadnaheeda ka yeereysa ayaaba ka yaabshay, sanqadh kasta oy maqashana ha ahaato canbuudha fooryeysa, ama ha ahaato laamaha dabeysha foore isku xoqeysa cabsideeda ayey kordhinaayeen.

Askarigii dul fadhiistay dhagaxay hoos gashay ayaa wuxuu jeebka kala soo baxay buskud iyo cunto kaloo qallalan.

Raamsigiisii markey maqashay ayaa gaajadii haysay ka xoog roonaatay cabsideedii, waxayna sii jeclaysatay inuu iska dul fadhiyo, kaddib markey mar iyo labo jeer jajab dhulka uga soo dhacay ay abaabtay. Aakhirkii ayaa mar xabbad dhan oo buskud ahi ka soo dhacday, halkaasoo markuu is yiri soo qaado uu dareemay qofka meesha ku jira. Intuu ku naxay ayuu bitijoor ku qabtay oo iskaga baqdin riday rasaas. Nasiib wanaag doc ayey ka martay, waxayna cod debecsan oo dumar ku tiri, “War ii naxariiso!” Askarigii goortuu qof dumar ah u gartay ayuu intuu doc uga joogsaday hub ka baaray.

Askari kale oo ku dhowaa oo rasaasta maqlay ayaa ku yiri, “Ma gobannimadoon baa?”

“Maya, dhurwaa buu ahaa, oo cararaayey,” buu ugu jawaabay, dabadeedna waa uu sii ifiyey, waxuuna u arkay iney tahay gabar qurxoon, hase ahaatee wajigeeda iyo guud ahaanba darxumo ka muuqato. Waxuu kaloo arkay inay inan yar oo liita xambaarsan tahay, qoortana uga laadlaado kitaab Quraan ahi.

Bilan mar haddii la qabtay, talo kale ma leh inaad dhimato mooyee ayey isku qancisay, kolleyba dhimataye haddey isku qancisay ayey iyadoo gargariireysa buraashaddii faraha ugu fiiqday oo tiri, “I waraabi.” Ayaankeeda askarigu waxuu ahaa mid naxariis badan oo waxuu fali lahaaba askari naag dagan ma daayee, inta naxariis u gashay ayuu buraashaddii u dhiibay, waxay ugu horreystii afka u saartay inankii, markay biyihii laasatayna waxuu siiyey hal xidhmo oo buskud ah.

Askariga oo magaciisa la yiraahdo Cusmaan Saalax, oo u dhashay Eritariya, markuu sii fiiriyaba Bilan waxay ula ekaatay gabar ay walaalo yihiin oo Sannuuba la yiraahdo, oo maalintii askarinimada loo soo qafaalaayey ka soo daba oyday. Waxuuna intey biyihii cabbaysey ka fekeraayey sababta meesha keentay, ayna u dhex timid meel aan looga naxayn, iney tahay mid culus oo dani badday.

Cusmaan fekerkiisii intaas keliya kuma ekeyne, waxaa si dhab ah oo damqasho leh loo horkeenay, in hooyadiis iyo gabdhihii walaalihiis ahaa, khaas ahaan Sannuuba oo uu qoyskooda u jeclaa, ama guud ahaanba shacbiga reer Eritariya ay silicaas iyo ka sii daran ku sugnaan karaan, isla caawadaan. Hadduu sii fekeraba tiiraanyo ayaa ku sii kordheysay, ilaa uu waxuu buskud heystay siiyey, shayaadiisiina u bixiyey si ay roob bilaabmay uga dugsato. Wuxuuna ku yiri, intuu faraha kula hadlay iney meesheeda seexato, ilaa waagu ugu beryaayo.

Run ahaantii, sida aalaaba dhacda dadka isku duruufta ahi inkastaanay is afgaraneyn haddana eegmada iyo dareenkooda dadnimo ayey isku fahmaan. Sidaas darteed, Bilan iyo Cusmaan si dhab ah ayey isu wajiyo iyo uur akhristeen.

Aroortii intaan qorraxdu soo bixin ayuu yiri, “Roox min hunaa,” intuu faraha kala hadlay.

Iyadoo u qaadan weyday raxmaddiisa iyo siduu u dhowraayo ayey tiri, “Ma Xabashi baa tahay mise Kuubbaan?”

Intuu fahmay oo qoslay buu madaxa ruxay oo yiri, “Anaa Eriteriyan.”

Hadduu sidaas yiri, bey intey naxdin goysay tiri, “Miyaanan garan.” Waxay kaloo weydiisay, “Dalal ma idiin maxbuus baa?” intey gacmaha isi saartay sidey isku xiran yihiin. Mar labaad bey haddana ku celisayoo tiri, “Dalal maxbuus?”

Cusmaan su’aasheedii ma wada garane waxuuse ka gartay Dalal maxbuus, halkaasoo uu ka cabbiray in cid magacaas la yiraahdo ka xiran tahay. Magacii ayuu xafiday. Dalalna waqtigaas waxuu ku xirnaa isagiyo dhallinyaro kale oo fara badan meelaan ka fogeyn.

Waxuuna ku yiri, intuu faraha kala hadlay, “Ismak? Ismak?” Nasiib darro wey af garan weyday, aakhirkii buu yiri, “Anaa Cusmaan Saalax.”

Markaasay intey ujeeddadiisa maleysay ku tiri, “Anaa Bilan Aw Jaamac.”

Goortaasuu buraashaddiisii oo uu biyo uga soo buuxiyey qoorta u suray, oo ku yiri, “Meeshii min hunaa yaa Bilan.”

Iyadoo waxay ugu jawaabto aan garaneyn, hase ahaatee wajigeeda laga garanayo mahad iyo abaalqab weyn inay u heyso, ayey intey gacanta u fidisay salaantay oo ku tiri, “Noolow Eritariya. Salaama e maxbuus Dalal raadi,” oo cagtay ka waday.

Cidliyi cabsidey leedahay ka sokow harraadka iyo gaajada haysay ayaan hadba hugunkii dhegaheeda ka baxaayey looga dhigaayey sawaxan samada uga yeeraaya, marmarna harkeeda oy wehelkeeda keliya u arkeysay ayaa hadba bahal barbar socda looga dhigaayey, markaasay intay bisinka qabsato oo inanka yar dhabarka gosha uga soo wareejiso orod guclaysaa, mar marna intey meel rabad ah ku cagaagtay cagihii qaadi kari weydaa, oo hadba maro ku duubtaa, marba labada cagood tii darraata.

Waxay ceeriin ku quudatay markay wax kale weyday miraha yicibta quudka fiican ah, qaarna dacalka sahay ahaan ugu xiratay, marar waxay heshay murcanyo iyo dhafaruur bislaaday oy inanka qawlada kaga dhacaaminaysay markuu afkii kala qaadi kari waayey.

                              
*Suuradda al-Baqarah 156

Qeybta Toddobaad

Bacdamaa Xabashida dagaallo gobannimadoon ahi gobollo badan kaga socdeen, sida Soomaali Galbeed, Eritariya iyo Tigree, waxay habeysay siyaasad ah iney dhallinta gobolladaas intey khasab ku ururiso ka dagaal geliso gobolkey u dhasheen ma ahe gobol kale, khaas ahaan kuwa kala durugsan.

Halkaasna markay tagaan dal aanay garaneyn dadkiisa iyo deegaankiisa ugu dhintaan ujeeddo la’aan, iyagoo xabbad gadaal lagaga hayo, horena ay kaga imaaneyso tii gobannimadoonka laga horkeenay, amaba sida askari Cusmaan u fahmay si dadban u daafacaaya isla cadowguu kula dagaallamay dalkiisa.

Sidaaa darteed, askari Cusmaan waxuu gartay Dalalkey gabartu sheegeysay, inuu ka mid yahay dhallinta ayaamahan danbe miyiga laga soo ururiyey, oo ciidankuu ka tirsan yahay u xirxiran, Eritariyana loo diyaar-gareynaayo iney ka dagaal galaan.

Cusmaan markuu waaridiyihii ka degay aroortii, waxuu doontay askari kale oo reer Eritariya ah, oo ay saaxiib ahaayeen lana yiraahdo Ibraahim Cawed. Waxuuna uga warramay waxuu habeenkii la kulmay oo dhan.

Ibraahim isagoo aan rumeysan sheekada, waxuu ku yiri, “Nacas baad tahay, ma waxaad i leedahay xaloo dhan ayaa gabar ila joogtay, oo aanan la dheelin? Hilibka ninkii cuni lahaa lama siin, walle anigu waa jajabsan lahaa, baahida dumar ii heysa.”

Wuxuu ugu jawaabey, “Iska daa hunguriyeyne, markaan arkey diifta iyo dacdarrada heysay, ayaanba ooyey. Teeda kale waxaa ley horkeenay siday ku dhacday mooyee, hooyadey iyo gabdhihii walaalahey ahaa iney darxumadaasoo kale ku nool yihiin, weliba waxay iila ekaatay oo layga dhigay gabar walaashay ah oo la yiraahdo Sannuuba oo maalintii ley soo qafaalay oo dhan iga daba ooyeysay. Wax kala ma aha, waa dhacdo wax laygu tusaaleynaayey!”

Isagoo Cusmaan sii wata, wuxuu yiri, “Gabartii waxaan siiyey buskudkeygii iyo xitaa kabaheygii oo aan u siibey, waxayna dhowr jeer igu tiri, markey baxeysay, ‘Dalal maxbuus,
Dalal maxbuus raadi… Raadi.’”

“Maxaad u garatay ‘Dalal maxbuus’?”

“Waxaan u gartay in cid magacaas la yiraahdo ka xiran tahay ee aan isku dayno inaan ka hello maxaabiista oo fikinno.”

“Nacas intaan naf kale fikin lahaa baan teyda fikiyo,” ayuu ugu jawaabay Ibraahim.

“Taasuba waa talo, laakiin hadda haddaad fikatid xaggeed gaari kareysaa? Illeyn dad iyo dal toonna ma kala taqaanide, waliba dharka Xabashiyeed ood sidatid iska daa e ciiddaan ku badbaadineyn.”

Iyagoo hadalku halkaas u maraayo, ayaa waxa soo agmaray sarkaal Kuubaan ah iyo sarkaal Xabashi ah oo la socda, waxaana Kuubaankii ku yiri sarkaalkii Xabashiga ahaa, “Ha u oggolaanin askarta iney wada hadlaan ama iska wada sheekeystaan, mashquul ka dhig, kana kici labadaan meeshan, hana la khasiro.”

Sarkaalkii Xabashiga ahaa baa isagoo aan raalli ka ahayn amarkaas Kuubaanku siiyey, buu Cusmaan iyo Ibraahim ku yiri, “Saacad kaddib xafiiska ha leydin keeno, dembi ayaad ku jirtaane, madaxdiina sidaas u sheega.”

Labadii askari iyagoo amarkii racaaya ayey meeshii ka dhaqaaqeen. Haddeyse in yar meeshii ka socdeen ayuu Cusmaan yiri, “Ibraahinow anoo Xabashida ku neceb waxay Eriteriya ka waddo baan sii ciishoodaa markaan arko Kuubaan dalkii iska maamulanaya oo mararka qaarkood marwooyinkooda iyo hablahooda kufsadaan iyagoo u jeeda, runtu waxay tahay kuwa ina heysta iyana waa la haystaa.”

Ibraahim baa qaatoo yiri, “Waxaan garan la’ahayn labo sano ka hor Kuubba waxay taageeri jirtay shacbiga iyo xornimada Soomaali-Galbeedda aan joogno iyo reer Eritariya, waxaan xasuusanahay aabbahay oo tababar Haafaana u tagey, rnaxaa isbeddelay labada meeloodba? Ma garan taariikhda baase sheegi!”

Saacad kaddib, markii labadoodii la hor geeyey sarkaalkii wuxuu ku khasiray in loo beddelo labadoodii ilaalinta maxaabista.

Cusmaan habeenkaas oo aanu lahayn wax hawl ah, waxuu doontay Ibraahim oo markaas waardiye ka soo degay waxuuna ku yiri, “Waxaan maantoo dhan ku fekeraayey, su’aashaadii ahayd fikashada, goortaan si walba uga fekereyna waxay iigu muuqatay haddaan maxaabiista fikinno, iyagaa dad iyo dal aqoon inoo noqon doona, ma i af garatay Ibraahim?”

“Waa runtaa, dhallintaan maalmahan soo ururineynay haddaan la fikanno labo faa’iido ayaa ku jirta. Ta hore iyagaa dalkooda iyo dadkooda inaga badbaadin karaaya, tan labaad waa cudud aan ka baajineyno inaaney Xabashidu kaga faa’iideysan Eriteriya, ee aan arrintaas qorshaheeda dhigno, waa fekrad fiicane.” Isla markey xabsigii ka hawl galeen, waxay qorshahoodii ka bilaabeen tirin maxaabiista iyo inta hubka ku dagaal geli karta, waxay kaloo Cusmaan iyo Ibraahim isku xireen askartii kalee reer Eritariya oo midkooda ahaa waardiyaha Kuubaanka ninka madaxda u ah.

Intey Cusmaan iyo Ibraahim hawlaha fikadka qorsheynayeen, Dalal waxuu beerka u jiifay meel u dhow isaga iyo rag kaloo dhawaan la soo qabtay, waana ugu ladnaayeen maxaabiista.

Qaarkooda inta badan la hayey waxay keliya oo iney nool yihiin isku garanayeen damqashada kaga timaadda qaniinyada injirta, oy cunaayeen gaajo darteed, hadba tii dhiiggooda ku naaxday, oy markaas cidiyahooda ku qaban karayaan.

Aroor labaaddii markii waagu beryey, ayaa inta dhowr dhallinyaro ah laga soo saaray xabsigii lagu guray baabuur xaabo ciidanka u soo guraaya. In cabbaar ah haddii xarunta laga socday, baa meel duur ah baabuurkii la joojiyey, oo inta koox koox loo qaybshay, kooxba jiho loo diray iney xaabada ka soo ururshaan, iyadoo koox walba labo askari hareeraha ka ilaalineyso.

Layaab lehe! Gooruu Dalal hadba dogob liiliijinaayo ayuu gadaashiisa ka maqlay cod leh, “Dalal, Dalal, Dalal. Dalal, Bilan, Bilan, Bilan.”

Intuu naxay buu is yiri, Malaha xagga samada ayaa lagaala hadlay. Samada ayuu eegay intuu bisinka qabsaday.

Maqli waase wax danbe. Haddana gooruu iskaba halmaamay ayuu sidii hore waxuu maqlay, “Dalal. Dalal.” Markan waxuu is yiri, Waxba ma jiraane, malaha wahanka ku haya ayaad adigu isu dhawaaqeysaa, oo dhegahaaga ayaa ku khayaameynaaya. Marna shaki baaba galayoo waxuu is yiri, Talow ma malaa’ig baa ku wacaysa, maxaase Bilan laguu xusuusinayaa oo looga dan leeyahay? Fikrado badan ayaa ku soo dhacay. Aakhirkiise waxuu tuhmay, labada askari midkood u dhowaa inuu magacaabay, kaasoo ahaa Cusmaan, oo ku xaqiiqsaday markuu magacowgiisii ku jalleecay inuu Dalal yahay.

Dalal isagoo jiho wareersan ayuu baabuurkii wax ka fuulay, wuxuna arkay markii baabuurkii la dhaqaajiyey, isla askarigii iyo mid kale oo indhaha ku haya, marmarna is tusaaya, wuxuuna isku dayey inuu wejigooda akhriyo, hase ahaatee, in kastaano cadownimo ku arag, haddana waxba waa ka maleyn waayey, cabsi baase gashey waxay u danleeyihiin. Warfaa, oo isla maalin la soo wada qabtay oo agfadhiyey buu intuu xusulka ku gujiyey ku yiri, “Bes aniga waa ii dhammaatay nololi.”

“Maxaad aragtay?” buu Warfaa weydiiyey.

Wuxuu ku jawaabay, “Ilaa maanta waxaa i daba joogay ilaa haddana indhaha iga qaadi la’ askarta labo ka mid ah, marmarna indhaha igu gubaaya.”

“Iska calool adayg,” ayuu ugu jawaabay.

Intey sii socdeen ayaa roob shuux ahi jidka ku helay, oo xaabadii iyo raggii isku qooyeen, haddiise xaruntii la tegay, oo xaabadii la dejiyey ayaa maxaabiistii labo laga soo soocay loona leexshay geed aan ka fogeyn xabsiga, oy fadhiyeen dhowr nin oo Kuubaan ahi, waxaa isla geedka hoos jiifay neef dameer ah oo xirxiran, Kuubaankii mid ka mid ayaa dameerkii xabbad ku dhiftay. Labadii dhallinta laga soo saaray, oo kala ahaa Cali Dalmar oo Dalal beretan kula jiray xagga Bilan iyo mid kale, baa waxaa loo dhiibay labo mindiyood si ay dameerka ugu qalaan Kuubaanka.

Cali isagoo iska ilaalinaaya inaan wax iin iyo ceeb ah Dalal ka helin ayuu ugu horreystiiba diidey inuu mindidii qabto, kii kalena waa ku dayday oo isna waa diidey.

Halkaasaa madaxii Kuubaanka rasaas ku furay, isla goobtii ayuu Cali ku dhintay, kii kalena dhaawac ahaan looga qaaday. Dalal iyo mid kalaa la soo saaray, oo lagu yiri, “Qala dameerka.” Khasab beyna ku noqotay markey arkeen waxa kuwii hore ku dhacay iney neefkii qalaan oo ay cad cad u googooyaan.

Qeybta Siddeedaad

Goortii dameerkii hilibkiisii la bisleeyey, qaarna ceyriin yihiin la soo dhigay oo Kuubaankii oo madow u badani soo fadhiisteen geedka hoostiisii, baa mid Diyas la yiraahdaa yiri, “Waan ka xumahay labadii dhallinyaro ee layska toogtay.”

Raa’uul oo madaxii kooxda ahaa baa yiri, “Sabab?”

Diyas baa ku noqdoo yiri, “Sababtoo ah dameer bey qali waayeen in loo dilo labo nin ilama fiicna, teeda kale miyeynaan damiir lahayn, oo ogeyn qaaraddaan aynu ku amar ku taagleyneyno, iney tahay tii awoowayaasheen qarniyo ka hor addoon ahaan looga iibsaday, waa tiiraanyo xaalladdaani.”

Raa’uul ayaa qaatoo yiri, “Iga daa kuwaasi doqon bey ahaayeene, kuwanina iyagaa dambiga iska leh, iney colloobaan, Kuubbase iyo meesha kaloo looga sii taliyo dan baa ugu jirta in gobolkan colaadi ka jirto. Haddii kale ma heleen barwaaqadaan raqeyno oo kuwa inoo soo ugaarayaan, kuwana inoo qalayaan, oo waliba ku toogtooganeyno sidaan doonno kuwaan yeelin. Iska aammusa saaxiibbayaal haddey nabadi dhacdo waxaa ina hurran hilibkii miilada ahaa ee Hafaana. Sidaas darteed, waa faa’iidadeenna ee halkaas ku daaya waxaan heysanaa khamro, cunto iyo weliba dad inoo shaqeynaaya madax iyo majo’ xaggee intaas ka heli lahayn? Kolleyba intaas dalkeennii ka helimayno.”

Diyas baa hadalkii ku noqdoo yiri, “Kolleyba anigu waa tiiraanyoodaa min maalintaan akhriyey sheekadii qoraagii weynaa Aleks Helay, ee Roots, khaas ahaan markaan arko dhacdooyin la mid ah kuwuu buuggiisa kaga sheekeeyey, oo raggeennaan halkan fadhiya awoowayaashoodii ku dhacay, kaddib markii awood looga qafaalay Afrika qarniyo ka hor.” Sheekadii oo raggii kale xiiso gelisay awgeed, buu halkii ka sii waday Diyas, isagoo leh “Kunta. Kuntee. Kunta. Kuntee. Garbahay xanuuna markaan xasuusto markii Kunta hoobalkii sheekadaas, jilbaha dhulka loo dhigay, oo mid ma naxe kireysan ahi, maddane kulul oo kuleyl la caddaaday dabka kala soo baxay, oo halkaas labada garab dhexdooda ah, xoog ugaga dhejiyey; qiiqii ka soo baxay dubkiisii huruushoobeyna kii wax suntaayey wax ka arki waayey. Taahuu aah aah yirina afkuu kala qaaday dib isugu keeni waayey labadiisii fuq, ilaa uu ciidda qaniinay.”

Mid raggii kale ka mid ah baa yiri, “Anigaaba jiriiricoodee muxuu ahaa Kunte? Maxayse yihiin dhacdooyinka taas la midka ah ood aragtay?”

Raa’uul baa yiri, “Intuu hadba buug soo fiirfiiriyo buu aqoonyahan beryahan Diyas-keen isaga dhigaa ee sidaas ma og tihiin?”

Isagoo Diyas kii hore u jawaabaya ayuu yiri, “Waxa laga yaabaa marka Kunta la suntaayey in adiga awoowgaagii lixaad, ama toddobaad laga hor suntay, oo uu ciidda afka ku hayey, amaba summad suge ahaa, wadnuhu markaas gargariiraayo. Dhacdooyinka taas la midka ahina, waa kuwa halkan ka dhaca oo innagu ridno, oo aynnu ku hayno dadkan reer guuraaga ah, oo qaar ku dilo sabab la’aan, sida maantadan dhacday, qaar ku xirxirno, sida dhallinta aan maalin walba soo qaqabanno, qaarna dalkooda ka rareyno oo qaxooti iyo cayr ka dhigayno, qaarna Raa’uul diyaaradaha ku leynaayo. Miyaaney dhacdooyinkaasoo dhammi jirin. Dadkanse aan leyneyno oo innagu nahay aaladdii lagu muquuninaayey, muxuu yahay danbigey galeen? Ma xornimaan rabnaa bey denbi ku galeen? Maxaase keenay si loo cadaadiyo Soomaali-Galbeed in ciidamo uga yimaadaan Kuuba, Afrikada Waqooyi, kuwana uga soo gudbaan Badda Cas? Waa markii iigu horeysay oon arko nin madow oo nin madow addoonsanaaya. Yaab badannaa!”

Iyadoo aad moodid in Raa’uul iyo Diyas laysu dhegeysanayo, ayaa Raa’uul qaatoo yiri, “Annagu waajib baan fulineynaa, kuwani xornimo helimaayaan ee qoortaa lagaga joogi cid loo adeegsadaba weligood.”

Diyas baa qaatoo yiri, “Waad qaldan tahay, maxaa yeelay, sow ma ogid awoowayaasheen iney ku qaadatay dhowr qarni iney silsiladihii addoonsiga iska furaan, kuwaanna la arkee iney in ka yar ku qaadato, mar haddii dareen xornimo ku abuurantay, dalkeenna uun baa taariikh madow ku yeeshay geeska Afrika, ogow saddax fac ka hor, qaaraddaan ka nimid addoon la leeyahay baan ku ahayn.”

Raa’uul baa qaatoo yiri, “Hooyadaa u sheeg, ra’yigaasna waad ka shalleyn doontaa.”

Halkaasaa Diyas intuu xabbad sigaar ah oo u shidneyd demiyey istaagay oo yiri, “Aniga damiirkeygaan ii oggoleyn inaan wax ka cuno hilib dameer oo laba nin oo diiday iney qalaan Raa’uul u toogtay.” Dabadeedna waa iska dhaqaaqay intuu koofiyaddiisa qaatay.

Raa’uul ayaa hadal ka dabatuuroo yiri, “Jaallaheen weynaan ogeyne ururrada xuquuqda bani’aadanka ilaaliya ayuu xubin malaha ka yahay, hab askari ma aha.”

Markuu Diyas iska tegey baa mid kale oo aan hore u hadlin yiri, “Ra’yiga Raa’uul qabo baan qabaa, oo innaga waa inoo dan inaaney is afgarasho ka dhex dhicin Xarunta Ubaxa, oo ubaxeedu sidaad u aragteen quruxdiisu indho sarcaad kugu rideyso, iyo xarunta kalee Luulkii Badweynta Hindiya loogu magac daray, oo sideyda hore nin u tagay baa maleyn karee, waa hibo Ilaahe caanka ku ah canbarka iyo cuudka udgoon.”

Raa’uul baa markaas madaxii dameerka intuu labada dhegood qabtay, oo kor u qaaday yiri, “Fifaa la Hafaana!” Halkaasey intii kalena, “Fifaa la Hafaana! Fifaa la Hafaana!” tiri oo shafka la dhigay hilibkii oo caydhiin iyo biseylba isugu jira.

Goor min dhowr jeer hilibkii la cancantuugey, baa raggii aammusnaa mid kale hadloo yiri, “Anigu waa aammusnaa oo wax baan dhegeysanaayey, run haddaan ku hadlo arrimuhuu Diyas sheegay wax baa ka jira, oo dadkeenna reer Kuuba in badan baa qabta iney khalad tahay ineynu ka qaybqaadanno dad la cadaadinaayo cadaadiskooda, waase iska aamusan yihiin.”

Raa’uul baa afka kaga booday oo yiri, “Aamus! Dooddaasi waa xiran tahay, hadda wixii ka dambeeyana ninkii ka soo horjeesta waajibaadka layna faray waa dambi weyn, ee nin dib uga hadlaa ayaanu jirin, Diyas waa eedi doonaaye.”

Raa’uul kama been sheegin, in Diyas eedaayo damiirkiisa iyo ra’yiguu qabo oo aanu qarsaneynin, saa maxaa yeelay muddo yar kaddib Hafaana ayaa laga sheegay isagoo suuqyadeeda lafalafeysanaaya, nasiibse wuxuu ku lahaa damiirkiisa loomana dilin loomana xirin.

Qeybta Sagaalaad

Markey xabsigii ku noqdeen Dalal iyo Warfaa, ayaa waxaa takooray oo ku kacay maxaabiistii kale, waxayna ku yiraahdeen markey u galeenba, “Uf! Uf! Aakhis! Waa labadii dulli oo waxa ragga ragi diideen yeelay, war ha nala soo gelina qudhinkiina waxyahow federoobay, oo dameerka u qalay Kuuba naas dheer. Haa! Haa!” Waa lagu wada qoslay.

Dalal iyo jaallihiis dheg uma dhigine, waxay isku dayeen iney is dhaafshaan, hase ahaatee caydii iyo qosolkii lagu qoslaayey ayaa dami waayey ayna u adkeysan waayeen, ilaa ay ugu dambeystii Dalal u muuqatay iney ka fiican tahay iney is daafacaan, meeshey ka aamusan yihiin. Wuxuu yiri, “Nimanyahow waxaydaan noogu qoslin baan idiin sheegayaa, horta ma ogtihiin iney gobannimadu tahay laba nooc, nooc waa ninka ku dagaallama meel looga awood roon yahay oo waa nooca loo yaqaan geesi raacsane, marna ma libeysto kaasi. Nooca kalena waa nooca loo yaqaan ishii qaate, ama xeeshii dirire, waana kan markuu ogaado inuu libeysanaayo dagaallama, marka laga awood roon yahayna waqtigeeda suga, waana kan had iyo jeer libeysta. Miyeydaan maqal gabaygii Raagse Ugaas ku yiri:

Sud-libaax leh meel bahal salkiyo, seymo la arkaayo
Sanqadh tirashadaa lagu maraa, laanta lama seydho.
Ninkii maalintaas kaa sitaa, oon laga sed qaadeynin
Sowd gibina baa lagu ceshaa, laguma soonyaansho.”

Nin ugu da’weyn inta meesha ku xiran oo la dhaho Magan Diirshe baa intuu istaagay Dalal gacan qaaday, oo yiri, “Nimanyahow anigu waan idinku fac weynahay dhammaantiin, waxaana furaa in Dalal nin rag ah yahay, maxaa yeelay sida uu murtida isugu daafacay ayaa tusaale qaayo leh ah oo uu run ka sheegay. Waxaadna ogaataan intii rag jirey iney dhibaatana jirtay, laakiinse raggii hore goortey dhibaato la soo kulanto sida Dalal sheegay murtidooda ayey la tashan jireen.”

Mid kale baa su’aaloo yiri, “Sidee ula tashan jireen?”

Wuxuuna ugu jawaabay, “Waxay is weydiin jireen maxaa raggii hore dhibaatada markaa heysata oo kale ka yiraahdeen, mar haddey gartaan waxay ku yiraahdeenna furihii sidey uga bixi lahaayeen waa heli jireen.”

Isagoo hadalkiisii sii wata, oo si fiican loo dhegeysanaayo buu wuxuu haddana yiri Magan, “Hadda iyo dan waxaan idiin leeyahay hadalka hadoofka ah inaga dhaafa oo nin walowba caawa ka feker sidaan u fikan lahayn, ama talo aynu seymaha kaga fikanno u heli lahayn.”

Hadalkii iyo cannaantii Magan feker hor leh ayey raggii ku kordhisay, ilaa ay gorrodda hoos u wada rogeen, oo dibinta qanniineen.

Aroortii markii waagii beryey oy barqo gaban tahay, ayaa xabsigii dhammaantood laga soo wada saaray, waxaana la ag geeyey dad kale oo iyana la soo ururshay, oo rag iyo dumar loo kala soocay, oo wixii rag ahaana iyaga lagu soo biiriyey, gaar ahaan dhallintii, dumarkiina wixii dhaban lahaa meel loo soocay, wixii da’ ahaana meel kale loo leexshay.

Dhallintii maxaabiista lagu soo biiriyey oo mid mid leysu garanaayey raggii xirraa, waxay ku warrameen, markii xabsiga lagu wada celiyey, oo la waraystay in inbadan oo maxaabiista ka mid ah hooyooyinkood iyo gabdho walaalahood ahi ku jiraan dumarka meesha leysugu keenay.

Dalalna mid xaaladdiisa ogaa wuxuu u sheegay inay Bilan ka mid tahay gabdhaha meesha la keenay loona leexshay rugtii Kuubaanka. Walibana wuxuu u sheegay in iyadu gaajo la liidato oo wiil sidata aan meyd waxba dhaamin Kuubaan dadka iska ugaarsadaa soo qabteen, kaddibna inankii ka tuureen.

Raggii dhammaantood urugo iyo ciil ayey calooshu la wada xanuuntay qaar waaba ilmeeyeen, ragna hub baaney heysane waxaa ku soo dhacday oy ku qarween, “Yaa is dila? Yaa is dooxdooxa? Yaa ifka ka dhuunta?”

Goorey sidaas u tiiraanyeysan yihiin, jawiguna xun yahay oon ninna nin la hadleyn, inkastoo dhaxani jirtey, isagoo wejiga dhidid qooyey ayaa Dalal is dhextaagay wuxuuna yiri, isagoo aar dhaawacan oo tamar waayey reenkiisa la moodaayo, “Nimanyahow sidii riyo roob helay maxaad gorroda u wada laalaadineysaan? Maad talo keentaan tanoo kale looma adkeysan karo e? Maxaa yeelay raggiina ha noqdo wax la laayo iyo wax Eritariya dagaal loogu diro oy sabab la’aan ugu dhammaadaan, dumarkiina ha noqdo wixii dhaban lahaa sooryo Kuubaan, wixii da’ ah iyo hooyooyinkeenna ha noqdaan adeegayaasha raashinka kariya, kaddibna yaa og askarta? Yaa saxariirkaas u adkeysan kara? Sow geeriyi ma dhaanto? Falalkaas dadnimada ka baxsan intee in le’eg baan u adkeysan karnaa?”

Mid raggii kale ka mid ah baa hadloo yiri, “Aniga hooyadey baa ku jirta, waa tii ugu fool xumeyd, oo nin rag ah ku dhici lahayd. Talo kale ma jirtee ninba ninka kale maradiisa ha ku ceejiyo.”

Mid saddexaad baa isna yiri, “Walaashey baa anigana ku jirta ciilow ba’ caloolxumo weynaa ee maxaa talo ah, maro isku ceejintu waa talo caalwaa e, talo cidhib leh keena.”

Dalal baa qaatoo yiri, “Nin walba halkii bugta isagey balbeshaaye, nin hooyadiis oohinteed maqlayoow kolleyba waa eedaadkaaye adigiyo urugadaa dheh, nin walaashiis ka ag barooraneysow ciishootaye adigiyo ciilka dheh! Anigana tiiraanyaday dheh, saa garabtaan jeclaa, baan ba’aydeeda haweeniyo baroorteed maqlayaa, magaceedu waa Bilan, qalbigey bishaa, oo ballan baanu lahayn, quruxdeedu waa sixir, waa tiro buuxda iyo laba, quruxdeedu waa dhif, biyo dahab la moodaa, jirkeedu waa xariir, anuun baa maleyn kara dabeecaddeedu waa yaab! Dun macaanka baw dheer… Wayeey ciil badanaa.”

In cabbaar ah intuu aammusay buu haddana Dalal yiri, “Ma caawaan Bilan Jaamac, baxsantii aan jeclaa, oo timaha baarka caddeyd, boholyowgeeda u dhuubtay, ba’aydeeda haweeniyo baroorteeda maqlayaa? Caku yaa i bireeya? Yaa bilaawe i siiya? Beerka aan is jaree, bilcaantaan u hiloobey, buruudkeeda cadceeddiyo, dayax buuxa ahaa, ma Kuubaan bahalooboo, beledkiisu fogaayoo, bado soo gudbay baa, caawa beylaha u heysta, oon ba’aydeeda haweeniyo baroorteeda maqlayaa, biidna aanan tareyn? Caku! Yaa i bireeya, yaa bilaawe i siiya beerka aan is jaree.”

Intey Dalal iyo raggii kale sidaas u caloolyoobayeen, oo hadba tabaallahooda la taahayeen, Cusmaan iyo Ibraahim waxay dhammeystirayeen qorshihii fikashada iyo siduu weerarku u dhacaayo. Hadba waxay doc ka rogaan markay u maleeyeen in nin waardiye ah mooyee la wada seexday, ayay laba askari oo waardiyaha la hayey mindiyo ku dileen, isla markiina banaadiikhdey ka furtean bay maxaabiistii siiyeen isagoo Cusmaan leh, “Dalal. Yaa Dalal. Aak, aak naxnu Eritariyan.” Halkaasey Dalal iyo raggiisii gacanta ku dhigeen banaadiikhdii iyo baastoolado loo soo fidiyay.

Ugu horreystiina waxay weerar ku hoggaamiyeen Cusmaan iyo Ibraahim oy Dalal iyo rag kale la socdaan gurigii Kuubaanka.

Iyadoo aan weli wax dareen ahi dhicin, waxay u dhacaan halkuu Raa’uul ku jiray, madaxii Kuubaanka. Raa’uul, oo ahaa Kuubaan aad u kibir badan oo wax naxariis ah lahayn, walibana ka heli jiray xasuuqidda iyo silcinta dadka aan itaalka lahayn oo u gacan gala, ciidanka Xabashidana xukunkiisa magalooti madaxi ha jiree, isagaa haystay.

Dalal iyo Cusmaan, waxay la kulmeen markey qolkuu Raa’uul ku jiray jebiyeen isagoo feedho qaawan oo intuu lugaha is dhaafsaday kursi ku fadhiya, oo gacanna galaas qaari ah ku heysta gacanna sigaarkii dheeraa ee dalkiisu caanka ku ahaa ku cabbaaya, oo sidii bahal raq arkay marna qoslaaya marna farxad la heesaaya. Waxaana hortiisa gidaar ah ku tiirsanayd Bilan Aw Jaamac, oo argagaxsan oo gariiraysa oo intuu malaha isku daygiisii u horreeyay dharkii ka jeex jeexay mindi daabka heysata, hase ahaatee diifi ka muuqato welise daafaceysaa nafteeda.

Dalal buntukhii ma haleeline, intuu ka hanfafay ayuu mar keliya ciil dartiis korka kaga dhacay Raa’uul oon beloba burka ka eegayn, barwaaqadaada iska nuug ma ahe talo kalena ku jirin. In cabbaar ah haddii leysla galgashay ayey Bilan intey gadaal kaga timid halkaas labada garab dhexdooda ah mindida kaga aastay oo tiri, markey si fiican labada gacmood daabkeedii ku gilgishay, “Adigaa darxumaas i baday! Kuuba naas dheer, gacantay ma go’do oo caawaan hooyaa.” Run ahaantii, been Bilan kuma ay sheegin malaheedaas, maxaa yeelay hawlaha dadka deegaankaas lagu xaaqaayoo dhan isagaa goobtaas uga madax ahaa, diyaaraddii cidahoodii tirtirtana naftiisaa duulinaayey, oo marmar buu caado u lahaa inuu hadba diyaarad kaxeysto, oo ku soo madadaasho beelaha meelaha yaalla oo bamam la dhaco.

Haddii haddaba Raa’uul doc u dhacay, bey haddana tiri, “Ayaan badaniyaa ma Dalal baa? Ilaahayow waa kugu mahad, ma Kuubaankii bahalka ahaa baan ka badbaaday?”

Nasiib wanaag, sidey Cusmaan iyo Ibraahim qorshihii u dhigeen ayuu u dhacay, oo markii xabbaddii u horreysay Kuubaankii ku dhacday rugteedii yeertay, xabbad kalaa xerada debedeeda ka billaabantay, markaasaa ciidankii sidii loogu tala galay jiho wareer ku dhacay, oo culeys saaray siduu debedda isaga daafici lahaa. Halkaasey iyagoo ka faa’iideysanaaya jiho wareerkaas ciidanka ku dhacay, Bilan iyo labo hablood oo kale, iyo dhallintii kale baabuur ay diyaarsadeen kula dhaceen. Khalkhalkaas dhacay aawadiisna waardiyihii baabuurkii ma joojine intey moodeen ciidan daafac debedeed u gurmanaaya, ayey irridkii u banneeyeen, halkaasoo ay xayiraad la’aan iyo si dhib yar debedda ugu baxeen.

Muddo yar kaddibna, maxaabiistii oo tiradoodu dhan tahay labaatan dhallinyaro, iyo saddex hablood oo Bilan ka mid tahay, iyo labadii reer Eritariya Cusmaan iyo Ibraahim ayaa waxay uriyeen neecawdii xornimo iyagoo baabuurkii ku qardo jeexaaya keymahii hawdka.

Waxay farxad la gudaanba, oo hadba qardo jeexaanba, goorey qiyaastii jareen soddon ilaa afartan kiilomitir, oo qosol iyo reynreyn lagu jiro ayaa baabuurkii shidaal beelay.

Halkaasay noqotay khasab in laga daadego oo si fiican loo gacan qaado Cusmaan iyo Ibraahim, isla markiibana dharkii askarinimada laga beddelo labadoodii si ay dadka degaanka ugu ekaadaan.

Qeybta Tobnaad

Iyagoo malahoodii siiyey, in raacdo ka daba imaaneyso waxyeelladay geysteen culeyskeeda, khaas ahaan Kuubaankii ay dileen ayey waxay isu qaybsheen saddex kooxood, oo kooxiba jiho qaaddo, si haddii koox loo helo, labo u badbaaddo, ama haddii labo la helo midda saddexaad u fikato.

Dalal, Bilan, Cusmaan, Ibraahim iyo afar kaloo dhallintii ah isku koox bey noqdeen, waxayna kooxdaasi qaadday jihadii labada kale u dhaxeysay oo ah jihada Waqooyi. Sidii ay ka baqayeen isla markii waagu beryeyba ciidamadii cadowgu oo cir iyo dhul ah, ayaa raacdo aargoosi ah ka soo daba qaaday, isagoo jawigu dhiileysan yahay oo daruur yare shuuxayaa cirka isku soo jiqsiiyey. Waqti gaaban kaddibna waxayba maqleen rasaas ka dhaceysa xaggii kooxaha midkood ka xigtay.

Kolkaasay si dhakhso leh u dhex galeen keyn jiq ah oo ku dhoweyd, sida wax looga heli karaayana ay adag tahay, nasiibkooda oo xumaada mooyee. Waxay keyntii ka dhex heleen labo booraan dawaco, oo mid walba labo qof isku ciriiriyi karaan, halkaasoo ay u garteen iney ku qarshaan, midna Dalal iyo Bilan, midna Cusmaan iyo Ibraahin, waxayna afafka ka saareen laamo ay soo gooyeen iyo burar ay soo rujiyeen.

Inkastoo ay booraamuhu ciriiri ku ahaayeen afartii lagu qarshey, oo jidhkoodu qaar debedda u soo baxsanaa, haddana markii si fiican loo af saaray, cid si gaar ah ugu fiirsato ma ahe si loo arkaa wey adkeyd.

Haddii kooxdii Dalal in booraamahaas ku dhuumatay, intii kalena keyntii laboba meel gashay, oy cabsi dheeraad ah gelisay diyaaraddii hadba ka dul guuxeysay oo marba doc u dhaafeysay, ayey isla sanqadhi hore ee rasaaseed ka maqleen docdii kooxda labaad ka jirtay, waxaana u caddaatay shaki la’aan iney kooxdii labaadna u dhammaatay, oo hadda waxii ka danbeeya oy sugaanba tahay kalkoodii oo soo gala.

Goorey sidaas u yaabban yihiin, oo rajo nololeed ha joogtee, naftii yididiilo beeshay, qof walbana cabsidii intey ka badatay rugrugtii wadnihiisa iyo neef gurkiisa looga dhigay in sanqadhooda hayhaato laga soo raacaayo, mid walbana nolosha ka door biday dhimasho deg deg ah, si uu mar keliya uga nasto guulguulka cadowga, iyo naftu tawaawaca ay ku heyso, ayey diyaaraddii intey soo rogaal celisay ku riday bambo jigin soo dhacay la moodo, halkey keynta kaga jireen ma ahe keynta qooretadeeda kale oy malaha ku yool baareysay.

Intey kooxda inteeda kale cabsidaas ku jirtay, Dalal iyo Bilan waxay booraanta kula dagaallamayeen cadow labeeyey kii hore, oo booraanta kaga soo baxay. Cadowgaas oo ahaa mas weyn, oo gorod raadow, oo dheer oo dhumuc Alla siiyey, oo booraanta ku jiray, baa waxuu weerar ku soo qaaday Bilan oo uu xaggeedii ka soo baxay, Dalal baa ka hor arkay isagoo aan waxba u sheegin, intuu ku booday, oo qoorta ku dhegay buu afka dhulka ugu aasay, labadii jilibna midna qoorta hore kaga qabtay, midna gadaal dhulka ugu xajiyey, si aanu dhaqdhaqaaqba u sameyn. Bilan mar alla markay maskii sigey oo Dalal qoorta hayey aragtay, ayey suuxday.

Dalal waxuu gariiro oo dhidido oo maskii afka dhulka ugu hayoba, oo iska adkee ma ahe talo kale dhigay, cabsidii horena tan masku kaga cuslaatay, ayuu waxuu mar keliya dareemay booraantii oo af saarkeedii debedda laga fagaayo, ciyoonba waxuu dalool yar ka arkay askari Kuubaan ah, oo buntukhuu sitay caaradiisii laamihii ku banbaneynaaya, isagoo malaha tuhun ka galay laamaha qoyan oo la soo jaray oo meesha saaran. Dalal, goortuu yaabban yahay oo talo ku caddaatay, askarigiina hadba laan qaadaayo, oo inuu wax arko u dhow yahay, ayuu maskii dhaqdhaqaaq bilaabay.

Halkaasuu wax kale ma sameyne, intuu maskii soo qaaday askarigii kaga sii daayey halkuu yare banneeyey. Waxaana ugu war iyo miyir dambeysay askarigii oo intuu qeyliyey sii cararaaya. Wuxuuna soo miyiraabay cadowgii oo tegey oo Cusmaan biyo waraabinaayo, iyo Bilan oo weli suuxsan, oo ag jiifta. Dalal markuu arkay gacaladii oo xaalkeedu liito meel dhaqaaqeysaana aaney jirin sidii qof waa hore dhintay, ayuu intuu ku booday dhabta ku soo qabtay oo intuu madaxa gacanta ka saaray hadal hoos ku yiri, “Bilaney gacalo toos, biyo dahab la moodyey toos!”

Bilan heerka ay joogtay ma ahayn midey si dhib yar uga soo tooseyso, maxaa yeelay waxaa isugu biiray itaal darro, gaajo, daal, diif iyo diihaal iyo naxdin aan kala go’ lahayn oo midba midka kale ka daran yahay. Haddana intuu ku noqday buu yiri, ‘”Toos Ilaah baan kugu dhaarshee, aan meesha darxumo ka tagnee.”

Inkastey yare dhaqdhaqaaqday waa jawaabi kari weyday, laakiinse indhahey kala furtay, si ay maqashay farriintiisii.

Waxuuna arkay hadduu wajigeedii u sii fiirsaday inay Bilan dhibaatadii ay beryahan ku jirtey u run sheegtay, oo indhihii buuxi jiray oo raxmadda lahaa god ka soo jeesteen. Jidhkeedii dhisnaana, intuu fagmay meeshii ka baxay. Waxuu kaloo gacmihiisa ku dareemay markuu dhabta ku soo qabtay sida lafihii garbaheeda iyo kuwii feeraheeda weydnimo darteed u soo baxeen.

Wuxuu isha la raacay dhabannadeedii dhaashanaan jiray, oo sidii hoobaan bislaatay loo mohan jiray, oo intey dhafoorrada ka soo goteen moqorro la moodaayo.

Dalal tiiraanyo baa ku soo korodha markuu sii eegaba xubnaheedii uu sifahoodii ogaa oo la quuri kareyn. Aakhirkii intuu laabta ku soo qabtay isagoo ilmo ku soo joogjoogto ayuu hoos ugu yiri, “Ma rumeysan karo farxaddeeda Bilan baa tan ah, isla markaas ma leqi karo Bilantaad tiqiin baa sidaan u dacdarrootay.”

Intuu madaxa yare ruxay buu haddana yiri, isagoo hadalkiisii sii wata oo hoos isula faqaaya, “Meeye indhaheedii la kuunyi jirey? Ma tan aa u dambeysay iney goofaf ka soo jeensataa? Meeye xubnaheedii xubini xubin wax u ogeyn, oo afarba sifo gaar ah lahayd, ciiloow ba’ ma caynkaasaa cawo adduun?”

Hadduu cabbaar sidaas isula hadlaayey, ayey sidey sardho ka soo toostay yare dhaqdhaqaaqday oo indhihii yare kala qaadday, waxayna cod yare dirqi kaga soo baxaaya ku tiri, “Xaggee duni ka joognaa?”

“Goob darxumo baan ka joognaaye istiil aan meesha ka cararnee,” buu ugu jawaabay.

Intey neef gurtay, oo yare taahday bey waxay tiri, “Waa tahaye xaggee duni ka aadnaa? Haddii cirkiina guduri gaaddo weyn inaga weeraraayo, dhulka dushiisana Kuubaan iyo Xabashi is wataa oo bahaloobay boob la joogaan, dhulka hoostiisana bahal hoose tii tahay, cawo beellayey, xaggee aadnaa? Xaggee tagnaa? Xaggee u hoyanaa?”

“Dhibaatada nololeed ha isu dhiibin gacaloy, hana rajo beelin ninba maalin bey la deristaa e, waxaynuna ku simeynaa ilaa meesha cagaheennu ina gaarsiin karaan,” buu ugu jawaabay.

“Dalalow ereyadaada naftaa ku diirsatay, oo qalbigeygey yididiilo geliyeen, markaas mar haddaan adiga duni kaa heysto waa ii dhan tahaye waxba hey xambaarin waa istaagayaaye i garab gal aan nafta la yare kutubee.”

Nasiibkiisa, markuu istaajiyeyba wuxuu arkay Cusmaan iyo Ibraahim oo qoryo ay sidii dhoolli u soo diyaariyeen la ag taagan, goortaasaa inta jirjirka loo jiifshay lagu qaaday dhoolligii.

Bilan Aw Jaamac, iyadoo aaney marna xasuusteeda ka bixin dhacdooyinkii foosha xumaa gaar ahaan tii ugu horreysay oo gorgorka iyo coomaaduhu ku loolamayeen, ayey haddana wax dabadhigay mooyee samada korkeeda ah ku aragtay iyagoo hadba daruuraha ku libdhaaya isla labadii horor, oo muuqaalkoodii foosha xumaa la dul heehaabaaya oo leh, ‘caw, caaw, cawcaw, caacaw.’

Intey gacmaha saartay wejiga, oo indhaha ka qarsatay, ayey fekertay oo haddey fekertay, fekerkeedii ku kala garan weyday hororradaa korkeeda heehaabaaya, waxbana aanay ka qorsooneyn, nafleyna aan reebeyn awoodda la siiyey, iney yihiin kuwo iyada loogu dawgalay, iyo iney yihiin cibaaro hor leh, oo carrada caam ahaan timid, wuxuu malaheedu siiyey, kaddib markey ka qiyaas qaadatay qaxa iyo dabargoynta ku dhacday dad iyo duunyo wixii dalka joogey, inaaney wax kale ahayne yihiin ifafaalo cusub iyo cunsur hor leh oo carrada ku habsatay.

Wax Bilan dhoolligii lagu sido, oo majarihii la hayoba, dhowr beri kaddib, ayey goor fiid ah ka gudbeen xuduud ku sheegga heshiiskiisa qarnigii sagaal iyo tobnaad Baarliin lagu dhigay, oo Soomaaliya lagu kala googooyey, iyagoo si ula aayo ah, dadka reer Baarliin qaarkiisa maalaaya dhaqayadii iyo dhaxalkii heshiiskaas, kaddib markii isla Baarliin lafteedii gidaar madow, oo naxariis la’aaneed lagu kala qoqobay halkaasoo qoysaskii kala golay hadba iyagoo naf la caari ah isku dayaan inay gidaarkaas ka boodboodaan, marna daloolshaan, marna qoomamo lehe intey gacan galaan si xun ugu guuldarreystaan.

Dalal iyo Bilan, waxay ku biireen qaxootiga tabaaleysan ee Hargeysa deggan, magaalo madaxda labaad ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliyeed. Cusmaan iyo Ibraahim muddo yar kadib waxaa loo gudbiyey dalkoodii hooyo iyo Eritariya, si ay uga qayb-qaataan dagaalka gobonnimodoonka ah ee ka socda.

Qeybta Kow iyo Tobnaad

Hadday ururrada samafalka muddo dhowr bilood ah daawo iyo baan ku hayeen Dalal iyo Bilan, oo nololi ku soo yare noqotay, ayna dhogor dad yeesheen, ayaa qaxootigii kale iyagoo si gaar ah ugu dedaalaaya u dhiseen buul bac iyo xaashiyo ka sameysan, si ay isugu aroostaan.

Markii buulkii loogu talagalay loo hooyey, arooskii iyo aroosaddii, oo dad badan ma qaada e labo saddex qof ma ahe intii kale tageen, ayaa cabbaar kaddib qabanqaabiyihii munaasabadda yiri, “Aroos laguma raago lagama raago e inaga soo dareersha,” halkaas leysaga tegey Dalal iyo Bilan.

Wuxuu habeenkaasi ahaa, habeen habeenkiisii ka horreeyey, roob laxaad leh oo miiraale ahi da’ay, oo dhulku reys yahay, neecow qaboobina dhaceyso. Wuxuu ahaa habeen meelo fogfog oo daruuro gudgude oo dabeyli shukaamineyso ma ahe cirku kaad yahay, caadna haba yaraatee aannu jirin. Wuxuu ahaa habeen dayaxa Afrika oo nuurkiisa la ogyahay isagoo afar iyo tobnaad ah, uu baalka la soo baxay, in doora hadduu kor u kacayna nuurkiisii irbad dhulka ku dhacday isha lala waaweyn.

Wuxuu ahaa habeen jawigu aad u macaan yahay, oo labadii is aroostaa uu ishaaro fiican u yahay.

In cabbaar ah, haddii qofba qof sheedda ka eegay, oo qofba qof ku dheygagay oo leysku ashqaraaray, oo ruuxna ruux rumeyn waayey, kalana garan waayey is helitaankoodu, is filiwaa darteed, run iyo riyo miduu yahay, ayaa Dalal intuu kacay ag kadaloobsaday dermaday ku fadhiday, wuxuuna ku yiri, “Waa midaan rumeysnaa min maalintaan harada ku kulannay ineynu maalin uun is aroosan doonno, garanmaayo sababta, wuxuun baase sidaas igu yiri, adiguse sidaas ma qabtay?”

“Maya, nololba kama rajo qabin, haddana ma hubo wadajooggeennu run iyo riyo miduu yahay.”

Run ahaantii, cabsida gabar kasta ku dhacda habeenka aqalgalkeeda ka sakow, waxaa Bilan cabsiyi kaga abuurantay nolosha, dhacdooyinkii naxdinta lahaa oy soo martay.

Markaas isagoo xaaladdeeda sidaa u fahmay ayuu si uu cabsida uga bi’iyo kalsoonina ugu abuuro ku yiri, “Bilaney waxba nolosha ha ka cabsoonin, waayo dunideer loxoska lagu yahay, oo yaabkeedu badan yahay, dadka ku nool haddii qof walba loo sii sheegi lahaa, ama uu lahaan lahaa awood uu ku sii ogaado, waxay aayihiisa nololeed ku sugnaan doonaan, in badan oo reynreyn iyo farxad ku jirtaan noloshu u dhandhanteen, in kaloo badan oo werwer qabtana farxad ayey la dillaaci lahaayeen. Hase ahaatee, in qaafil laga ahaado timaaddada ayey malahe dunidu door biddey, midey u roonaan doonto, iyo midey isla rogi doontaba. Aalaabana bani’aadamku waa kii dhibaatooyin la kulma, qofkiise samir ka yeesha waxba uma noqdo.”

Waxay tiri, “Waa xikmad weyn, laakiin waxaan qabaa tabaalooyinkii aan soo marnay hore looma arag, kolleyba cabsidey gorgorkii iyo coomaadihii igu reebeen ha joogeene, isma lahayn, isku daygii Kuubaankaad ka nabadgeli.”

Wuxuu yiri, “Waa jiraan e aan sheeko gaaban kaa siiyo, sheekadu waxay tahay: Nin baa la yiri, isagoo kabadha wata baa beelo uu is lahaa ganacsi ka samee dhex yimid, halkaasaa inta laga dhacay kabadhadii, naftiisiina dil loo diyaarshey, nasiibkiisase isagoo in la gowraco in yar loola saaran yahay, ayaa nimey saaxiib ahaayeen beeshii ka soo dhex baxay oo dilkii ka sii daayey, xoolihiina u soo celiyey, isla markaasna, isla maalintii gabar uu dhalay buu u aroosay. Waa ninka ku maahmaahay, maalin baan taajir ahaa, oo haddana ceyr noqday, oo dil u taagnaa, oon haddana isla maalintii aroos galay. Miyaaney sheekadaasi sheekadeenna u dhigmin?”

“Si fiican bey ugu dhigantaaye, sheeko xariirow ma run baa? Mise iga yaabisaye sheekadu waa sheeko baraley?”

“Waa mid dhab ah, ee ha ka yaabin,” buu ugu jawaabay.

Intey dhafoorrada qabsatay, oo ay u muuqatay in cabsidii kaga ba’day sheekadiisii ayey tiri, “Waxaan ka yaabay sida sheekadu ugu dhiganto teenna, sababtoo ah, waxaan hodon ka ahayn dad, duunyo iyo dal aan xoolaheenna ku dhaqanno, nasiib darro intiiba caawa ceyr soogan baan ka nahay, xagga nolosha intaan geeri qarka u gaarnay, oo cadow ma naxe ahi ina sigay waad garaneysaa, Ilaahaase aayaddiisa ku yiri, ‘Ruuxii Eebbe ka dhawrsadana wuxuu u furi faraj,’* ayaa inaga badbaadshay, arooskii arooskiisiina waa innagaas quluub is rabta oo in badan isu hiloobeysay isla ag fadhina, inta inaga dhimman waa la heli ee kadabaa inoo dheh.”

“Kadabaa, oo kadabaa oo kun kadabaa dheh,” buu yiri. Goortuu intaas yiri, ayey si fiican oo debecsan u dhiib dhiibsatay, oo gorodda hoos u rogtay, kolkaasuu gacantiisii midig qoorteed kor ugu soo toosiyey, oo isku soo jeediyey wajigeedii oo cusbur iyo cillaan ka dhalaalayaan, oo yare daawaday dhabannadeedii shushubnaa, suuniyaheedii intey dherer u dhignaayeen madmadoobaa, sanqaroorkeedii qorriinka wacnaa, iyo guud ahaanba quruxdeedii oo sideedii ugu soo noqotay, gacantiisii bidixna timihii baarka casuusa lahaa, ayuu hadba intuu taabtay tintin u miiqay, sidii uu u dabaayo.

Iyadoo in cabbaar ah la wada hadlin ayuu yiri, “Haddaan suugaanta wax ka aqoon lahaa sidaan kuugu sifeeynaayo ayaan waagu iga beryi lahaa.”

“Oo maxaad oran lahayd?” bey su’aashay.

“Waxaan ka bilaabi lahaa sifaha toolmoonaantaada, ilkahaaga, indhahaaga iyo inta aan hadda u jeedo ereyadaan:

Ilwaad qurux wanaaggey udug iyo carfooney
Ashqaraarka quruxeed Eebbaa kugu manneystee
Ilkahaa ma luul baa? Ma aleel la qorey baa?
Amakaagga iyo yaab markii aan ku eegaba
Qalbigey alwanayee indhahaaga nuurkood
Ammaantooda waayeye ma ileys la shiday baa?
Agagaarka laabtiyo iliishaa dhextaasha ah
Ubaxyadu hareeyaan ogoobey ilxaaxsiga
Markii aan yar eegaba weyska muuq arkaaya
Waa abuur Raxmaanee ma aaraa xareedaa?
Mise aadmi yaabyaye waa aslida xariirtiyo
Aalad leysku daawado muluggii addunyaay
Aan aafada illowne arooskeenna ka dabaa.”

Cod debecsan bey ku tiri, “Horaan ku iri afkumalable baa tahay, sheeko xariirnimana waa kuu raacday, saa ereyadaadaasi meelay i taabteen, ogowna murwo waxaa naruuro u ah, marna raaxo u ah, oy nolosha mahadisaa markay hanato wehel ay muddo dheer naawileysey, nafteeduna raalli ka tahay, oy ku nafisto nolol gacaltooyo iyo naxariis leh. Waana sidaad u sheegtaye arooska kadabaa inoo dheh.”

“Haahe, waa runtaa, oo nin gabayaa ah oo reer Doolo ah baa gabay hore ugu yiri, ‘Dumarkuba martoo laga furay mahad kuu sheegtaane.’”

Intey qososhay bey tiri, “Ma kaa marmarsiiyaa, illeyn hadal kuma seego e.”

Intuu kusoo durkey, oo gacmaha midkooda taabasho gacaltooyo dhadhameysa dhabanka iyo intaas qoorta ah kaga salaaxay tii kalena ku yare tafaguray buu ku jawaabay, “Haahey marmarsiiyaa martaa ii galay.”

“Oraahdu sidaas ma ahayne ma kaa ismaalaakadeed iyo u marmarsiiyo marfurkeygaa,” bey tiri.

“Oo maxay kale caawa iga ahaan lahayde?”

Goortaasey intey yare xoodatay qososhay qosol la yaqaan, iyadoo isla markaas indha isku qaqabaneysa, isna si le’eg ayuu qosol yaab leh ugu dhiftay, isagoo intuu haghago yeeshay hadalka googgeynaaya, kaddibna waxaa la wada qosley, qosol reynreyn iyo farxad ah.

Haddii haddaba xiisaheeda lehe, waxay oggoldiiddaba, aakhirkii si gacaltooyo ah, oo raallinimo ah dhaxanta leysaga dugsaday, oo hirarka raaxada iyo heehaabyadaas sare marba hir leysla heehaabay, naf waliba waxay taabaneysey iyo raallinnimo hakaa tiri oo wadajir loo mahadshay macaankii hanashadooda habeenka mudan, boholyowgii jaceylkana kaarkiisii laga bogsaday, ayey Bilan intey koob caano ah siisay markuu dhamay ku tiri, “Sheekoba sheekey keentaaye, waxaa Dalalow la yiri, nin guur doon ahaa baa beri saddex hablood u yimid, wuxuuna ku yiri, isagoo garaadkooda intihinaaya, ‘Waxaad ii sheegtaan garow iidaankii, rag gogoshii iyo geel ooddiis.’ Tii u horeysay baa jawaabtoo tiri, ‘Garaw iidaankii waa sixin lo’aad ha lahaado, rag gogoshiina waa weylaalis ha goglaado, geeli ooddiisna waa ood weyn ku soo ood.’ Tii labaad baa waxay tiri, ‘Iyana waa sida gabartaasi u sheegtay, oo waa subag maakhiri lo’aad ah ha lahaado, rag gogoshiina waa salli darfooley ganfeedha ha goglaado, geel ooddiisaa waa sidey sheegtay.’ Gabartii saddexaad baa intey madaxa ruxday tiri, ‘Waxba ma aydaan sheegin hablow, ee garow iidaankii waa baahiyi ha kuu hayso, rag gogoshiina waa nabadgelyo ha heysto, geed ooddiina waa rag u lahow daafaca.’ Gabartaas u dambeysay oo ninkii hablihii ka xushay baa aniga dad iigula xikmad ficneyd.”

“Maxaad ugu jeeddaa?” buu weydiiyey.

Waxay ugu jawaabtay, “Waxaan uga jeedaa inkastoo markaan wax soo xusuusto aan uur-ku-taalloodo, oo meel i hafeeftaan, haddana caawaa indhoweyd nolosha adduunyo leyga tiriyaa, mar haddaan ha daldaloolee, roobna yaanu celine aan buulkan bacda iyo xaashiyaha ka sameysan nabadgelyo ku seexanaayo, aanna hubo inaan nabadgelyo kaga soo toosaayo berrito.”

Dalal baa qaatoo yiri, “Waa runtaaye nabadgelyo wax ka wanaagsani ma jiraan, waxaanse kugu daray gobannimo, waayo wax kasta haddaad heysatid aasaadan nabadgelyo iyo gobannimo heysan noloshu innaba wax qiime ah maleh. Markaas nabaddaan heysanno tu inoo tirsami karta ma ahe, waayo waxaynaan ka bogsan kareyn uur ka wahanka, daltabyada, cayrnimada iyo rajo xumada nololeed oo ina hortaal.”

                              
*Suuradda ad-Dalaaq 2

Qeybta Labo iyo Tobnaad

Run ahaantii qof kasta oo bani’aadan ah, sida raggii hore u yiraahdeen, waxaa hor yaal hawl uu subax walba u kallaho, si uu kibistiisa u xaqiijiyo, iyo hawo uu isleeyahay derajadaas gaar, waxeer hel, ama maruun baad wax noqon. Waxaa kaloo harreefo socda faa’ido iyo khasaare miduu u dhacoba, waase qof iyo nasiibkiis. Waxaa kaloo qofka gadaalo socda geeri iyo gabow mid soo hor gaadhaba.

Markaas dad kasta oo qaxooti ah, oo dunida ku nool, waxaa keliya oo hawl u ah safaf u galka sacabsaarka looga soo baaheeyey dad qayrkood ah, xagga himilada noloshana inta male’awaalku ka lumo, ayaa habbiso la saaraa mustaqbalka mugdi uga soo dhigta, kuna abuurta isnac, kalsooni darro iyo rajo beel nololeed, naf yididiilo dhigtay oo rejo beeshayna geeri waxba ma dhaanto, saa bani’aadanku waa noole rajo ku nool ah.

Bilan baa hadalkii halkii ka sii waddoo tiri, “Dalalow daltabyada iyo rajaxumada nololeed mid baa iiga sii daran, waxay tahay taasi, waxaan ku riyoon jiray, ogow riyo waa jirtaa e kuwaan gacalka ahayn ee riyadaasi macaaneydaa, waxaan ku riyoon jirey anoo hadba dooxo cagaaran asaagay la jooga ee iyana macaaneydaa, wax aan kaloo ku riyoon jiray adiga markaan kuu hiloobo ha u macaanaatee lacdankeennii harada, laakiinse hadda cabsida igu abuurantay aawadeed, waxaan habeen walba ku riyoodaa riyooyin xun oo argaggax leh, weliba waxaa ii dheer sida dadkaan ayaamahaan la noolaa sheegeen, hurdadaan ku sasaa, oo iska hadlaa intaan isla soo tooso. Markaas ha iga yaabin haddaan caawa hadba qar jeexo oo iska hadlo, iina dulqaado waa maqaadiire.”

Haddii haasaawihii, iyo sheekadii lays dhaafsanaayey intaas ku ekaadeen, oo qofba si raaxo leh doc ugu gam’ay, ayey Bilan goor habeenkii kala baran yahay, sidey sii sheegtay sastay oo iska hawstay, kaddib markii riyo lagu horkeenay hooyadeed Cawo, oo wejigu diiran yahay, gacanina maqan tahay, habardugaag badanina hareera gaafaa gurdeynayaan, gorgorkii iyo coomaadihiina ilme yar ku hor hiigayaan.

Dalal markuu isla hadalkeedii maqlay buu soo ag fadhiistay si uu u dhegeysto bal waxay ku hadleyso, mise waxay leedahay, “Eeg, eeg wuxuu isku deyayaa ilmuhu inuu debnaha kala furo, kalase furiwaa. Hohey, waxaa iga yaabshey sidey indhihiisa uga muuqato tagtada uur-ku-taalladeedii, timaaddada fogna u oddorosayaan.”

Dalal intuu ku soo durkay buu ku yiri, “Aamus oo sheydaanka iska naar.”

Mey aammusine, sidii bey kala go’ la’aan hadalkii u wadday, ilaa uu biyo qabow intuu soo qaatay madaxa kaga shubay, dabadeedna intey naxdey tiri, “Ma roob baa da’aaya?”

Wuxuu ugu jawaabay, “Maya e waad sahwiday oo isla hadashay, ee maxaad la sahwiyeysaa is halmaansii adduunyada oo seexo.”

Waxay hadal hoose oo baroor ah ku tiri:

“Saxariirka noloshaa sahwiga ugù wacanoo
Saqda dhexe alleylkii waxaan hadba ku selalaa
Seyncaddaale haadkiyo sirgigaaye Kuubaan
Saqiirkiyo kabiirkey sarwejida ka bixiyeen
Sawaxan meytidoodii qubuuraha ka sarey kacay
Saxanow macaanow aan ma seexan karayee
Sacabada kalgacalkiyo sidrigaaga igu qabo.”

Intuu gacmaha u fidiyey oo dhabta ku soo qabtay buu si uu cabsida uga bi’iyo yiri:

“Saxaney macaaney seyncaddaale haadkiyo
Sirgigaaye Kuubaan surunsuur ka nooley
Seymaha adduunyada saha iyo colaadaha
Saatir baa abuuro koley saxar ahaataba
Ninba saaci weeyo wuxuun buu ku sababaa
Samirkeeda yeelo saskiyo cabsida iyo
Seymaha adduunyada saha aad illowdide
Sacabada kalgacaliyo sidrigiyo qalbiga hoo.”

Inkastoo uu sasabay, oo dhabta ku soo qabtay, gacmihiisiina huwiyey sidey ka bariday, haddana ma aammusine waa ka sii dartay.

Markuu Dalal ka yaabey, buu intuu wejigeedii marada ka qaaday, oo ilmo dhabannada qoysay ka bi’iyey ku yiri, “Belaayo aan kaa yaabin belaayo ma ahe, mala in lagu furdaanshaa u baahan tahay, berritaan wadaad kuu kitaab fura, oo belaayo xijaab kuu akhriya kuu keenayaa.”

Waxay tiri, “Furdaamisaa, furdaamisaa! Ayaankee! Ayaankee la helaa.”

Qeybta Saddex iyo Tobnaad

Bacdamaa dhacdooyinka darxumo qaarkood, oo beni’aadanka ku habsadaa, ama uu la kulmo baaxaddoodu cajaayib iyo lama rumeystaan yihiin, ayna sas iyo xusuus cabsi leh ku reebaan qofka maankiisa, waa shaki la’aan in qofkaasi markuu soo jeedo hammiyo oo qammiyo, markuu seexdana hadba ku riyoodo, riyooyin dhif ah oo cajaayib iyo lama rumeystaan ah badankoodna la xariiraan doogtii dhacdooyinka. Haddaba Bilan iyadoo hawskeedii lama maleeyaanka ahaa halkii ka sii wadata bey tiri, “Dhacdo kaleba waad iga furdaamin kareysaa, laakiin ilmihii, ma aha kaan walaalaha ahayn ee kii kale, ilme ka yaraa e maxaan oran karaa? Xinjir, maya ka weynaa e tantoomo la’ekaa u daa. Kaasi maankeyga ka biximaayo marba si laygu tusaba. Haleeyayey! Wuxuu ahaa dhicis sidkiisii oo aan dhammaan, soo dhacee, ayaandarreydaa walaashey, hooyey ahaan lahayd. Waan garan la’ahay waxaan ku magacaabo ama ku sifeeyo, kii Raxmaankii abuuraayey iyo hooyaduu uurkeeda dugsanaayey iyo aniga ma ahe cid kale jiritaankiisii ka marag kaceyn. Kii diirrimaadkii ilmesidihii hooyadii ma ahee aan dareen kaloo nololeed yeelan ilbiriqsina ha ahaatee. Kii denbiyada adduunyo kii ugu weynaa laga galay, oo ka nixid iyo u halaahal ha joogee, cidna u garaabeyn, oo marna debnihiisa u kala furiwaayey inuu runta ka sheego urugadiisa. Ma ayaandarranaan iraahdaa? Waayo hadduu ayaan leeyahay xaqdarro uma dhintee. Ma dhiblaawaan iraahdaa? Haah, waayo hooyadii foolan lahaydna ku dhahoo nafle ma dhibin. Ma dembilaawaan iraahdaa? Haah, kaasaa ku habboon, waxaase malaha kaaga sii habboon anoo iraahda dhibbanahaan dhalan, alleylee kaasaa ugu habboone u daa.”

Dalal waxuu isku deyey inuu aamusiyo hase ahaatee, markuu si kasta u aamusin waayey, buu is yiri malaha wax baa xagga maskaxda uga dhinmay ee cid u yeero, haddana markuu dib u miisaamay hadalkeedii wax isdhaaf ahi ugama dhadhamin, wuxuuna rumeystay aakhirkii in waxyiba lagu soo dejinaayo, ayna habboon tahay inuu si dhab ah u sii dhegeysto.

Dabadeedna intuu madaxa iyo timaha baarkooda u taabtay buu ku yiri, “Waxaanu wax la rumeysto ka badane, malaha waxaad tahay qof inta wax la tusay waxyi lagu soo dejinaayo.”

Su’aashii kama ay jawaabine, iyadoo sidii wax dheelalawsan ah bey indhihii kala furtay, oo sidii xagga samada muuqaal looga bindhaanshay gacmaha cirka kor ugu fiiqfiiqday oo tiri, “Eeg… Eeg, ila eeg, waa waxaan sheegaayey oo marba si laygu muujinaayey, eeg geedkii maraaga ahaa ilays baa ka baxaaye, ka sii yaab badane, faras baa ka soo hoos baxay geedkii. Nin baa ku jooga faraska, waana dhallinyaro, gacanta bidix jaruhuu ku heystaa, midigtana ileys kaah weyn ayuu ku sitaa. Farasku siduu baalal leeyahay si baas buu samada u tafayaa. Faras fuushanuhu waa dhawaaqayaa, cid buu u baaqayaa siduu baafis ku jiro. Shaki la’aan waa isagii, kori oka! Kori okaa! Waa ruuxiisii oo ruux ay isu boholyoobeen carshiga ka baafinaaya, dhegeyso oo ila dhegeyso, waxuu ku dhawaaqayaa oo leeyahay, ‘Hooyooy macaaney gacalo, tii i nuujin lahayday, i canqarin lahaydey, tii markaan ooyo dhunkashada jaceyl si raxmad leh dhabannada debnaheeda ii saari lahaydey, tii heestaan tebaayo iigu qaadi lahayday, oo ereygeed qalbiga ii qaboojin lahaayey, waa ku tabee, ma carshigaad u hoyataa?’”

Isagoo yaab iyo ammakaag dhafooraha gacmaha ugu sii haya, bey haddana hadalkii halkii ka sii wadday iyadoo leh, “Eeg, ila eeg cirka xiddig keliya oo weyn ayaa ka muuqata, tolow ma marriikh baa, ma cirjiidh baa? Ma saxal baa? Maya, midna maaha ee waa xiddiggii waaberi, iyada keligeed ayaa xagga bari waqtigaan ka soo baxda. Faraskii iyo fuushanihii xagga xiddigtay u duulayaan, xiddigtiina waa ku soo durkaysaa sidii wax isu soo jiidayaan. In yar bey isu soo jiraan, bal yare dhegeyso oo dhegaha fur, cod dheddig baa xaggii xiddigta ka soo baxaayee, cod kale ma ahee waa cod hooyoo naxariis leh, oo hees carruureeddii hooyo ilmaheeda ugu heesi jirtay ku heeseysa, lehna:

‘Waa daa’moo carruuroo
Denbilaawe weeye
Yaa dilay oo dagaalay?
Yaa duur kulul ku jeexay?
Ninkii dilay oo dagaalay
War hoy! Dulmi buu ku kacayaa.
Aan ku daadeheeyo
Dusha aan ku saaree
Dulmanow mar soo duul.’”

Goortii waagii inuu beryo ku dhow yahay, welise cirguduud tahay, bey sidii wax soo baraarugey indhaha kala furtay, iyadoo uu wejigeeda ka dareemaayo inay ka qoomamooneyso isla hadalkeedii aan kala go’a lahayn ee uu ka gam’i waayey habeenka. Waxayna cod debecsan oo raalli gelin ah ku tiri, “Gacaliye Dalalow qof casarkii is sheegay cishihii ceebi ma qabatee iga raalli ahow.”

Intuu ku soo durkay oo labadiisa gacmood dhabannada ka saaray oo yare ileyskii feynuuska ku daawaday quruxdeedii aan isdhinka lahayn, dareemeyse inuu jidhkeedu cabsi la kurbanaayo ayuu ku yiri, “Waad i deeqdee maxaan raalli ka ahaadaa?”

Waxay ku tiri, “Igaga raalli ahow aroos beynu ahayne hurdadaan kaa carshacarsheeyey, waana cabsoonayaa ii soo dhowow, naftu nafta ha weheshatee, cabsiduna marba intaad ii jirtid bey ii jirtaa.”

Iyadoo hadalkii sii wadata bey haddana tiri, “Aabbahay Aw Jaamac naxariistii janna Alla ha siiyee wuxuu halheys u lahaa markuu dadka heshiisiinaayo inuu yiraahdo, ‘Nolosha adduunyo waa nabad iyo naag dhalaysa.’ Si markaas nolosha madhan ee ceyrnimada ah, maankaygu iyo fekerkeygu nasasho iyo nabad uga helaan, hunnaagyada hurdada laygu horkeenaayona iiga haraan, waa ku baryayaaye macaanow, jacaylkeygiiyow ii soo dhowow oo dhabta si fiican iigu qabo, raalliyo ooridaada ah baan ahee, riyooyinkayga iyo hadaaqeyga habeenna u daa, wacdarada adduunyada waa ninba waayihiisee.”

Inta ereyadeedii raxmadda lahaa ka jidhidhiceysiiyeen oo ilmo ku soo dhowaatay buu yiri, “Waa runtaa, anoo raalli ah, adna aad raalliyo oorideyda ah aad tahay, qalbigayga iyo nafteydaba waan kuu haneeyee wehelkooda hoo.”

Halkaasaa ereydii lays dhaafsaday midna cabsidii kaga duushay markaan midna luladii kaga guurtay, oo gacmihii si fiican laysu dhaafsaday sidii gabayaagii weynaa ee Cabdisalaan Xaaji Aaden ku yiri tixdiisa ah, ‘Talantaali labadii gacmood tahan is weydaarte.’

Hurdo ku saskaas, ay Bilan habeen dhaxaaba hurdada ku saseyso, oy nafihii meytida kula hadlayso, caadey u noqotay joogto ah, oo aan wax furdaamin ah iyo daawo lahayn.

Sida xaqiiqda ah, qofna ma rabi karo, dan oo ku khasabta mooyee inuu dalkiisa hooyo ka qaxo, noqdana dulugle cayreed iyo dibjir loo dewersho. Balse waa darxumo adduunyee, inkastoo marka hore la moodo Dalal iyo Bilan inay aroos wacan ku cawo baryeen, haddana sida runtu tahay kuna dhacday malaayiin iyo kumanyaal dad ah, oo quwado u xoog sheegteen, oo dunida khaas ahaan Afrikada madow dagaagnimo iyo dacdarro kula dul nool, ayey Dalal iyo Bilan ka mid noqdeen qaxootiga caalamiga ee geeska Afrika xeryaheeda ku nool. Halkaasoo ay iyagoo qadaa ma dhergaan ah, shafka dhigeen saldhiggii darxumada iyo saxariirka nololeed, oo qofaf ahaan qalfoof ah, niyad ahaanna haaraanka nololeed nuxuustuu wejiyada ka saaray laga yaxyaxaayo, ka sii darane habeenkooduna yahay maray ku salelayaan baroorta arwaaxdii meytidoodii, iyo maray ka gam’i la’yihiin dayaanka dhacdooyinkii naxdinta lahaa oy dalkoodii uga qaxeen, oo weli dhegahooda ka yeerayaa, “Qacaw… Qacaaw… Caw… Cacaaw…”

Dadka ifka ku dhibbani waa badan yihiine, sheekadii dhibbanahaan dhalan sidii bey u socotaa…

Nolosha Qoraha

Qoraha buuggan, Faarax Maxamed Jaamac ‘Cawl’ wuxuu ku dhashay gobolka Sanaag, degmada Laasqoray markay taariikhdu ahayd 1937kii.

Tacliintiisa dugsiga hoose wuxuu ku soo qaatay magaalada Cadmeed. Hase ahaatee, wuxuu ka soo dhoofay 1952kii, wuxuuna magaalada Hargeysa ka galay dugsiga farsamada gacanta, markuu ka baxay dugsigaasna wuxuu tacliin sare ee farsamada gacanta u aaday dalka Ingiriiska magaalada Landan 1959kii illaa 1962kii, halkaasoo uu shahaadada injineeriyadda ah ka soo qaatay Dugsiga Jelsii ee Injineernimada Gawaarida iyo Diyaaradaha.*

Ma aha buuggaani kii u horreeyay ee qoruhu qoray ee wuxuu hore u qoray 1974kii sheekada Aqoondarrro Waa u Nacab Jacayl, oo 1982kii hay’adda Yuneesko luqada Ingiriiska ku turjuntay.* Wuxuu kaloo qoray 1978kii buugga la yiraahdo Garbaduubkii Gumeysiga.

*Chelsea School of Automobile and Aeronautical Engineering
*Ignorance is the Enemy of Love