Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

Hordhac

Sida la og yahay ummad kasta oo af, dhaqan iyo hidde wadaagta waxay leedahay murti iyo suugaan u gaar ah oo ay ku hirtaan. Hal-abuurayaasha dejiya suugaantaasna waxaa la og yahay iney door weyn ka cayaaraan isuduwidda, kicinta iyo horumarinta ummaddaas.

Sayid Maxamed wuxuu ka mid yahay abwaannada waaweyn ee taariikhda Soomaalida meel ka galay. Taasna waxaa u aqoonsan dadkiisa iyo dadyowga kale markay u sugnaatay inuu ahaa geesi waddani ah, gabyaa aftahan ah, buuni cilmi leh, siyaasi xirribbo badan. Intaaba waxaa marag u ah gabayadiisii jaad walba leh, waxaana garan kara qofkii murtidiisa dhuuxa marka laga eego xagga suugaanta, siyaasadda, wadaninnimada iyo aftahannimada ku jirta.

Diiwaankan waxaa ku qoran 120 gabay oo Sayid Maxamed tiriyey intii u dhexeysay 1904tii – 1920kii, iyo 16 gabay oo gabayada Sayidka xiriir la leh. Guud ahaan waxay gabayadaasi muujinayaan dhaqankii Soomaalida iyo heerkii suugaantu waqtigaas joogtay. Wixii gabay, geeraar iyo jiifto Sayidka laga hayey, oo saddex cay ah oo gaaban nisbadooduna aynan sugnayn ma’ahee, intii kale halka ayey ku dhan yihiin.

Marka waxbarasho guud mooyee, waxay gabayadu albaab weyn u furayaan qoraalka suugaanta af-Soomaaligu hodonka ku yahay. Waxayna dhaxal u noqon doonaan dadka danbe ee wax qori doona. Kuwaas oo buuggan ka heli doona tusaalooyin badan oo waxtar u leh.

Odayaashii tan iyo muddo dheer u guntaday inay uruuriyaan ka dibna qoraan buuggan, waxaa sharaf iyo abaalmarinba ugu filan inay wariyeen wixii mahadho Sayidka laga hayey, anaguna waxay naga mutaysteen mahad iyo ammaan.

Jaale Maxamed Aadan Sheekh
Xoghayaha Dowladda
Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Tusmada Diiwaanka

Gogoldhig
Mahadnaq
Arar Guud
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan
Dagaalkii Horreeyey
Gumeysiga iyo Taariikhdii Daraawiisheed
Habka Buuggu U Qoran Yahay
Fiiro Gaar Ah
Afeef
Gabayada ku socda xarafka “A”
1. Xuseenow caqligu kaama baxo (Afbakayle)
2. Dhurwaa ariga Eebbaa leh
3. Xuseenow aqoon xume (jawaab)
4. Ragga Ayl u kacahayow
5. Nin aqdaamo ferenji ah
6. Saw ma aha
7. Ismaaciil Mirow
8. Jidka Adari loo maro
9. Eelkii qabsaday
10. Maantii asaayuhu dhacay
11. Ogaadeen haddaan ahay
12. Cali­ Geri aboodiga ku lalay
Gabayada ku socda xarafka “B”
13. Wararka badaha laga keenayo
14. Awel maanso waataan balfay
15. Baqalka kuugu soo diray
16. Bogadaawad
17. Ba’a e yaw sheega
Gabayada ku socda xarafka “T”
18. Tebiya oo geeya
19. Xuseenow tabtaan ahay
20. Tuurwaayow toban hal
Gabayada ku socda xarafka “J”
21. Xuseenow jikraar lama hadlee (Jiinley)
22. Koofil
23. Ilaaheennii Jaliilka ahaa
Gabayada ku socda xarafka “X”
24. Xiin Finiin
25. Xay guduudan la moodyow
Gabayada ku socda xarafka “D”
26. Dacwad baan ka leeyahay
27. Awel maanso waataan dayacay
28. Ma duqaynay reer Bari
29. Ararsame dalkiisii ka carar
30. Wiilyahow daloombiyi
31. Wiilyahow dammiin baad tahay
32. Nimanyahow dembow lama hadlo
33. Calanside
34. Doodna waxaan u leeyahay
35. Daraawiishta Saalixiya
36. Doqon baan ogayn Suudiyow
37. Daawad
38. Dacayow daallinkiiyow
39. Naagaba dumaashaan ka nacay
40. Xirsiyow dadkii waxaan ku nacay
41. Diiriye­ Abuu Jahal
42. Xirsiyow dabuub gabay
43. Ninkii diday ayaantii
44. Dardaaran
45. Bal dayooy!
Gabayada ku socda xarafka “R”
46. Rabbaa deeq leh
47. Caynab raabbiyan weeye
48. Reerkayga kama soo rareen
Gabayada ku socda xarafka “S”
49. Sayid baa ka baqay
50. Canjeel
51. Ma sabaan ka sabaan baan
52. Waa duni
53. Sagaal nin oo walaala ah
54. Saha kacay
Gabayada ku socda xarafka “SH”
55. Isna waa shiddiyo hoog
56. Wiilyahow shareecadu
Gabayada ku socda xarafka “DH”
57. Waayeel Dhadhabay
58. Ina Caliga Dhaaranahayaa
59. Dhabdarrada ma qaayibo
60. Hashaan dhamaca jiilaal
Gabayada ku socda xarafka “C”
61. Xirsiyow cod gabay
62. Afar halaad cayuunyahow
63. Cawskii Nugaaleed ka badan
64. Kaarshow camaadaa tahay
65. Ogaadeenka ciideed
66. Caliyow calaacal iyo way
67. Indha­caadlayaal
68. Kuwii cararay
69. Cara e yaa sheega!
70. Caga­wadaadley
71. Miinaanle
72. La’aye Cali­ Geri
73. Waa calako
Gabayada ku socda xarafka “G”
74. Guulle Eebbahayow
75. Ninka gaalka la siiyay (Calangube)
76. Nimanyahow xalaa lay gilgilay
77. Ninka yiri wax baan gani
78. Gudban (Gaala-­leged)
79. Daraawiish gufleysoy
80. Rayidow
81. Kufriga ina gabraaraya
82. Gurigii Dariiqaan lahaa
83. Guullow Allahayow
84. Shiikhyaale
Gabayada ku socda xarafka “F”
85. Ararsame
Gabayada ku socda xarafka “Q”
86. Qaali waxaad tiraahdaan
87. Wiilka qadafka ii soo dirow
88. Haddaad tiri
89. Cabdillaahi Aadan
Gabayada ku socda xarafka “K”
90. Keenadiid
91. Kalalaaga afkiisa
Gabayada ku socda xarafka “L”
92. Laalays
93. Xuseenow ninkii laable
Gabayada ku socda xarafka “M”
94. Ku milaada
95. Majeerteen
96. Maadeys
97. Maqashiiya uunka
98. Malaw ii soo godol
99. Mahade haw sheego
100. Mawdku ka adeegi
101. Mariyama Shiikh
102. Koofil walaashiis
103. Waa niman
Gabayada ku socda xarafka “N”
104. Xirsiyow naaqusnimo
105. Haddaan waayey
Gabayada ku socda xarafka “W”
106. Walhad
107. Waxaad tiraa weeye
108. Suldaan Faarax
109. Diintaan wadeeca uga dhigi
Gabayada ku socda xarafka “H”
110. Xasanow hub qaadday
111. Haasaawe layskuma xanto
112. Midabkiisu halyey
113. Hanfi iyo hunriga soo dhaca
114. Xuseenow ninkii xididkiis hagraday
115. Hashaan heensuhu siday
116. Xirsiyow hagaagtay
117. Hawiye
118. Xuseenow ninkii hagar yaqaan
119. Hunguri Subeer
120. Cali Xaaji Axmed
Dhammeystir

Gogoldhig

Diiwaankan Sayid Maxamed wuxuu ka kooban yahay 120 gabay oo ka mid ah gabayadii Sayidka. Gabayadaas oo jaad walba leh, waxaa soo ururiyey Sheekh Jaamac Cumar Ciise oo ka mid ah Guddiga Af Soomaaliga. Sheekh Jaamac wuxuu kaloo ka mid yahay ragga gabayada, taariikhda Sayidka iyo Dhaqdhaqaaqii Daraawiishta dhab u yaqaan kuwa ugu fiican.

Gabayadu waxay muujinayaan taariikhdii weyneyd ee Sayidka iyo halganki Daraawiishta. Waxay kaloo tusayaan heerka sare ee Sayidku murtida iyo suugaanta Soomaalida ka joogay iyo sida uu suugaanta ugu xeel dheeraa.

Diiwaankan waxaa Guddiga Af Soomaaliga u soo gudbiyey Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Akadeemiyada Dhaqanka si ay isha u mariyaan, waxay u la ekaataba uga soo yiraahdaan. Dabadeed haddii guddigu eegay, aad buu ugu bogey gabayada iyo habka wanaagsan ee loo uruurshay labadaba.

Sidaas darteed, waxaa uu Guddigu gartay in diiwaankan sida uu yahay degdeg loogu daabaco.

Guddiga Af Soomaaliga
Xamar, 01.01.1974

Mahadnaq

Waxaa ila gudboon inaan u mahad naqo dadkii buuggan qoristiisa, garaaciddiisii iyo isuduwiddiisa igu gargaaray. Dadkaasna abaalkooda Eebbe weyne ayaa gudi kara.

Iyagoo dadkaasi fara badnaa waxaanan halmaami karayn:

A) Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo diiwaankan soo saariddiisii gacan weyn ku lahayd.
B) Axmed F. Cali “Idaajaa” oo aan u yeerin jiray buuggan habeen iyo maalin, oo hawl weyn ka qabtay gabayadaa qorriinkoodii.
T) Cumar Aw-Nuux Maxamed oo qoridda iyo garaacidda makiinadda gacan buuxda ku lahaa, markaan billaabay illaa dhammaadkiisii.
J) Jaamac Xaaji Xasan Cilmi oo had iyo jeer gabaygii dhammaada garaaciddiisa makiinadda la kor taagnaa oo aan oron karo hawl weyn baa ka soo gaartay.
X) Faadumo Xasan Maxamed oo sidaas oo kale garaacidda buuggan qayb weyn ka qaadatay.
Kh) Dktr. Yaasiin Cismaan Keenadiid oo nagala talin jirey habka iyo hannaanka buugga loo qorayo.
D) Aw-Daahir Afqarshe oo had iyo jeer aan gabayada kala tashan jirey.

Xusuus gaar ah waxaa iga mudan raggii Daraawiisheed ee gabayadan laga soo guuriyey oo badidoodii ciidda ka hoos mareen.

Sheekh Jaamac Cumar Ciise
Ururiyaha Diiwaanka

Arar Guud

Afka Soomaalidu waa af ballaaran, erayadiisuna badan yihiin, dhan loo eegaba hadal iyo hawraar, maanso iyo maahmaah, gabay iyo geeraar, masafo iyo madaddaalo, hees iyo heello, sheeko iyo shararraaxin, qorriin iyo qun-u-hadal, gees loo dayaba waa af hodon ah, oo murti iyo macaan ka buuxaan, qoto dheeri iyo qaayana Eebbe weyne u yeelay, dadka ku hadlaana ku kalsoon yihiin, dantooda iyo waxay doonayaanna ku sheegan karaan. Eray walba oo erayadiisa ka mid ihi wuxuu leeyahay dhowr eray oo la mid ah ama la macno ah. Eray walba waxaa ka abuurma dhawr eray oo kale. Af Soomaaliga wuxuu ka mid yahay afafka looga hadlo Geeska Afrika, welina run ahaan looma oga afka uu la bah yahay. Waxayse leeyihiin nimanka afafka baaraa wuxuu ka mid yahay afafka reer Xaam, gaar ahaan “Kuush”. Xiriir dheerna wuxuu la leeyahay afka Gaallaha.

Inkastoo af Soomaaliga aan dhab loo baarin lama oga taariikhdii maansada la billaabay. Gaar ahaan gabayga, oday ma sheegin, wiilna aabbihii kama werin. Haddaba ninkii yiraahda: “Waagaas baa gabay la billaabay ama nin hebel baa billaabay ama ugu horreeyay,” been buu sheegay. Waxaa hubaal ah hadaynu dhab ugu fiirsanno dhismaha guud ee hadalka ama maansada xeerka loo mariyo ama habka iyo hannaanka gabaygu u dhisan yahay iyo sida qof waliba u yaqaan waddada loo maro ama sida deelqaafka iyo laaxinka looga ilaaliyo waxaad garan kartaa inuu af Soomaaligu fil weyn yahay oo taariikh dheer soo maray.

Guud ahaan af Soomaaligu wuxuu u kala baxaa hadal iyo murti:

  • Hadal waa erayada qayaxan oo aan taxnayn, jiib iyo luuq midna aan lahayn, warkana laysugu tebiyo.
  • Murtiyina waa erayo taxan oo jiib iyo luuq leh, deelqaaf iyo laaxinna aan lahayn, warkana laysugu tebiyo.

Murtidu waxay u kala baxdaa maanso iyo hees. Heesku wuxuu u kala baxaa laba qeybood: hees hawleed iyo hees cayaareed.

Hees hawleed waa heeska hawshu lagu qabto, hawshaasu hawl xoolaad ha ahaato ama hawl farsamo ha ahaatee.

Hees cayaareedna waa heeskii sacab ama jaanta loo tumo ama durbaan loo garaaco oo looga jeedo farax, maaweello, madaddaalo iwm.

Labadaas qaybood oo aanu soo sheegnay haddii la falanqeeyo mid waliba wuxuu noqonayaa bad aan xeeb lahayn iyo berri aan laga hoyan karin iyo biyo aan laga bixi karin.

Ujeeddadayadu ma aha inaanu heesaha halakan kaga sheekeyno, tusaale ma’ahe, hasa yeeshee, dulucdu waxay u dhacaysaa qaybta maansada iyo wixii la xiriira.

Haddaynu u dhabbagalno maansadu waxay u kala baxdaa toddoba qaybood oo kala duwan, kuwaas oo ah:

  1. Gabay
  2. Geeraar
  3. Masafo
  4. Jiifto
  5. Weglo
  6. Guuroow
  7. Buraanbur

Toddobadaas qaybood ee maansadu u kala baxdo waxaa calanka u sida gabayga. Siday isu xigaan bay u kala qaaya weyn yihiin. Soomaalidii hore ninka gabyaaga ah iyo gabayguba qaayo weyn iyo qiima badan bay la lahaayeen, dadka dhexdiisana xurmo iyo xarragay ku lahaayeen, xulquun iyo xoolana waa u oggolaayeen, maxaa wacay gabaygu wuxuu ka mid ahaa ciidanka iyo gaashaandhigga dadku ku tala galo. Aan ka soo qaadno iyadoo col la duulinaayo. Waxaa lagama maarmaan ahaan jiray in nin gabyaa ahi colka la socdo. Haddaba, haddii colkaasi soo guulaysto, geelna helo, ninka gabyaaga ah waxaa la siin jiray saami dheraad ah oo loo yaqaan hashii gabay.

Guud ahaan af Soomaaligu murtida iyo macaanka waa ka siman yahay, gabayguna waa ugu horreeyaa, waana ugu hana qaadsan yahay, waxaana la moodaa inuu kuwa kale ka qiimo weyn yahay. Dadka maansada tiriyaa, gaar ahaan gabayga waa kala hadallo waaweyn yihiin ama hillinka maansada iyo hogta gabayga waa kala heli og yihiin, danta iyo ujeeddada waa kala abbaari og yihiin. La arkee nin gabyaa ihi inuu meel ku fiican yahay meelna ku liito, meelahaas oo ay ka mid yihiin kuwakani:

  1. Ammaanta
  2. Cayda
  3. Faanka
  4. Digashada
  5. Diradiraha
  6. Calaacalka
  7. Guubaabada
  8. Waanada
  9. Kuhaanka
  10. Xikmadda

Waxaan horay u soo sheegnay maansadu inay u kala baxdo toddobo qaybood. Haddaba ha u malayn inay intaas ku kooban tahay. La arkee inay jiraan kuwa aannaan aqoon ama aannaan maqal. Waxaanan sheeko ku maqal shaahidna ku arag nin toddobadaas qaybood oo aan horay u soo sheegnay ku wada maansooday.

Sayid Maxamed baa ugu dhowaa oo wuxuu yiqiin shanta u horraysa, buugganna mid walba wax baa kaga jira, weglada ma ahee, inkastoo ayan is xigin. Halkaas waxaad ka garanaysaan in Sayid Maxamed ahaa nin aqoon dheer iyo aftahmo Eebbe hibo u siiyey. Wuxuu kaloo hanaqaad ku ahaa hilin kasta oo hilimada maansada loo qaado, ama ay ka ambabaxdo. Hadday ahaan lahayd guubaabada, ammaanta, cayda, calaacalka, faanka, digashada, diradiraha iyo xikmadda.

Ciidamadii Daraawiish ee Sayid Maxamed hoggaanka u hayey, ammaanduulahana u ahaa ee geyiga Soomaaliyeed gariirshey, gaalana u xiiray, dad iyo dhammina agtooda ka guuray 25kii gu’ ee u dhexeeyay 1896 – 1922kii wixii isu keenay ama hiyi kiciyey ama isku dubbariday waxaa u weeynaa maansadii gabbal dhacay iyo waa beryeyba la marinaayey. Haddaba aftahamadaa ballaaran iyo fasaaxaddaa la yaabka leh, ma cid buu Sayidku ka dhaxlay ama ka hiddo raacay? Mise waa hibo Eebbe siiyey? Waxaynu oron karnaa taasi waa baraakiin Rabbi beerka u geliyey, af Soomaaliga wuxuu kaga faseexad badnaa diinta Islaamka iyo afka Carabiga.

Markaa ka dib wuxuu billaabay waxbarid iyo diinta Islaamka fidinteeda, taasuna dhulkii waxay gelisay dhaqdhaqaaq cusub iyo bulaan. 1884kii ayaa Ingiriisku goostay inuu guumaysto dhulka Soomaalida. Dabadeedna waxaa yimid wadaaddo fidinaayo diinta Masiixiga. Haddaba Sayid Maxamed waxaa u muuqatay in dalkiina la qaatay, diinta Islaamkana la xididdo bixinaayo.

Sayid Maxamed wuxuu ku tashaday inuu taa ka dagaallamo wixii karaankiisa ahna tallaabo ka qaado. Wuxuu billaabay waano iyo wax-u-sheeg si uu dadka u garansiiyo ujeeddada guumaysigu waxay tahay ama waxa uu doonaayo ee uu damacsan yahay.

Markuu reer magaalihii wax garab joogsada ama u gargaara, guumaysigana ka dhiidhiya ka waayey, wuxuu goostay inuu miyi u kaco, maxaa wacay dadka Soomaalida boqolkiiba-95 waxay degganaayeen miyiga; itaal, awood iyo adduunba waa ku lahaayeen.

1897kii isagoo koox wadaaddo ah wata buu ka soo baxay Berbera, dabadeedna wuxuu shalmadda dhigay ceel la yidhaahdo Qoryaweyn oo 60 mayl u jira magaalada Burco, kana xiga geesta koonfur-bari. Wuxuu halkaa ka abuuray ururkii ugu horreeyey dhiskii Daraawiisheed (Xarunta). Intaan laba gu’ iyo dayri ka soo wareegin markuu Berbera ka soo baxay wuxuu isku dubbariday dadkii dhulka degganaa oo dhan, warkiisiina gees walba waa u fiday.

Ingiriisku taas ma filayn maskaxdana kuma hayn, mana malaynayn inuu Sayid Maxamed col uruursi ku maqan yahay, dad oo dhammina raacay. Wuxuu warkii ku noqday argaggaxiso iyo layaab! Waxay la sii yaabeen markay u caddaatay wuxuu meesha ka wado ama ka damacsan yahay iyo sida dad isugu dumay ama isugu dubbariday dadka xaddigaas leh.

Daraawiish waxaa la dagaallamayey oo ka soo horjeeday lix ciidan oo kala duwan, kuwaas oo kala ahaa:

  • Ciidanka Ingiriiska
  • Ciidanka Talyaaniga
  • Ciidanka Xabashida

Oo saddexduba doonayey inay qabsadaan dalka Soomaaliyeed.

Saddex boqor ciidamadood:

  • Suldaan Cali Yuusuf oo Hobyo u talin jiray.
  • Boqor Cismaan oo gobolka Bari u talin jiray.
  • Garaad Maxamuud Cali Shire oo degmada Laasqoray u talin jiray.

Saddexdaas boqor waxay ciidamada guumeysiga gacan siinayeen si ay talisyadoodu u nabad geliyaan. Daraawiishi intaas oo dhan gaashaanka ayay u qabteen, in badanna waa ka libeysteen.

Nin kastaa waa og yahay ama waa maqashoon yahay Sayid Maxamed iyo Daraawiishi heerkii sare ee ay gaareen iyo wixii gaalo iyo cawaankeed kala gaaray ama waxay kala muteen. Haddaba aan soo qaadanno taariikh gaaban.

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

Sayid Maxamed wuxuu dhashay markay taariikhdu ahayd 1856kii gu’ga la baxay ama la oron jiray Gobaysane. Wuxuu ahaa gu’ barwaaqo ah oo dad iyo duunyo wixii dhashay hanaqaad noqdeen. Wuxuu Sayidku ku dhashay balliga la yiraahdo Sacmadeeqo oo 7 mayl u jira Buuhoodle, kana xiga dhanka waqooyi, guud ahaanna dalka waxaa loo yaqaan Nugaal. Hooyadii waxaa la oron jiray Carra Seed Magan, Quraankana wuxuu ku bartay gurigoodii. Cilmiga diinta wuxuu ka raacday xer fadhiyi jiray Nugaal xarunteeduna ahayd dooxada la yiraahdo Casuura iyo Yaaheel.

Abbaaraha 1892kii wuxuu u kacay Maka iyo Madiina, waxay is raaceen 13 wadaad oo ay isku xer ahaayeen. Laba gu’ iyo dheeraad bay Maka iyo Madiina ku maqnaayeen. 1895kii ayaa Sayid Maxamed ku soo noqday dhulka Soomaaliya, wuxuuna ka soo degay xeebta magaalada Berbera oo markaa Muslin iyo gaalba aad loo degganaa.

Waxaa la yiri markuu Sayid Maxamed doonniduu la socday ka soo degay ayaa Ingiriisku ku warsaday dekedda canshuur inuu bixiyo. Wuxuu ugu afceliyay: “Adiga yaa canshuurtii kaa qaaday markaad halkan ka soo degtay?” Dabadeedna afceliyihii baa ku yiri gaalkii: “Waa wadaad walan ee inaka daa!” Sidaas daraadeed waxaa Ingiriisku ku magacaabay Wadaadkii Waallaa.

Dagaalkii Horreeyey

1900kii ayaa Ingiriisku col lixaad leh soo qalqaaliyey si loo damiyo dabka halkaas ka baxaaya intaanu dhulka ku fidin, haddaba xabbaddii maalintaa la riday waxay dhacaysay 20 gu’.

Inta la hubo ama taariikhdooda la hayo Daraawiish iyo Ingiriis waxay ku kulmeen 41 goobood. Goobihii ugu waaweynaa ama dagaalkii xumi ka dhacay waxaa ka mid ah kuwan:

Dagaalkii oo dhacay
Afbakayle 03.05.1901
Fardhiddin 16.07.1901
Beerdhiga 10.08.1902
Cagaarweyne 17.04.1903
Daratoole 18.04.1903
Jidbaalle 10.01.1904
Ruuga 09.10.1913
Dayuuraddii 01.1919

Ingiriisku dagaallada wuxuu u qaybiyaa saddex duullaan oo mid waliba socday dhowr gu’, mid walibana lahaa tabo iyo xirribo gaar ah iyo xoolo loogu tala galay, inkastoo aan guul laga gaarin.

Dadka Soomaalida markay rumi run geyday wuxuu u kala jabay laba meelood. Dad gaalka raacay oo garab iyo gaashaan u noqday, iyo dad Daraawiish raacay oo jihaadkii la galay.

18 gu’ markii dagaalkii socday, habeen iyo dharaarna laysku aloollaa, labada geesoodna lagu hoobtay, dad iyo duunyana lagu cayroobay, Daraawiishina ku luga baxsatay buuraha Ceerigaabo iyo arladaas badyayrada Cadmeed u jeedda ayaa Ingiriiska arrini ku caddaatay. Dabadeed talo wuxuu ku goostay in Daraawiish dayuurado lagulo dagaallamo mooyaane aan si kale waxba lagaga qaban karin.

1919kii bishii Jannaayo ayaa Ingiriisku Daraawiishi kaga soo duulay cir iyo dhul, bad iyo berri intaba. Siddeed dayuuradood oo ugu horreeyay waxay duqeeyeen Mirashi, Jiidali iyo Baran, meelahaas oo Daraawiishtu qalcado ku lahayd. Ceeldheer meesha la yiraahdo ayaa lagu soo riday diyuurad siddeeddii dayuuradood oo ugu horreeyay ka mid ahayd, maalintii danbena Taleex bay ku duuleen inkastoo bamkii waxba ka tari waayay.

Daraawiish waxay la ahaatay mar haddii hub aanay haysan iyo dayuurado lagula dagaallamay inay Nugaal iyo agagaarkeeda ka guuraan oo u qaxaan dhinaca koonfur si ciidankooda meel uga soo wada jeesto, maxaa yeelay Daraawiish xoog leh ayaa fadhiday webi Shabeelle iyo agahiisa oo Khaliif Sheekh Cabdille madax u ahaa. Nin haray iyo nin itaal waayay mooyaane, Daraawiishi waxay isugu tagtay Qorra, Shinniile iyo Horushagax, halkaasaana Xaruntii degtay.

Rag talo kama dhamaato ciil horena waa qabeene, ciidan bay qalqaaliyeen si rogaal loogu celiyo. Iyadoo guuti lixaad leh laysu dumay, ambabaxna heegan loo yahay ayaa duumo, daacuun, fanto iyo furuq miduu ahaaba Eebbe Weyne tacluus ku fariisiyey. Raggii duullaanka u heeggannaa ama dagaalka geli lahaa waxay noqdeen in taal iyo tarabtarab u la’atay. Ingiriisku markuu taa ogaaday, guuto camaaryalay ah oo Soomaalidii raacsanayd u badan buu ku soo bixiyay. Iyadoo Daraawiishii tahay in le’atay iyo in jiifta iyo in aan itaalba hayn, ayaa colkaas galay, kaas oo qalqaaladiisa, hubkiisa, raashinkiisa iyo wareegadiisaba Ingiriisku lahaa. Waxaa Ingiriiska maammule uga ahaa Sir Archer Soomaaliduna u tiqiin Caarshe-Dheere. Hase ahaatee ciidanka Ingiriis u dagaallamayey wuxuu ahaa Soomaali soocan oo aan la tarraxin. Colkaasi dad wuxuu helayna waa laayay, duunya wuxuu helayna waa taabay.

Xooluhu helay waxaa ka mid ahaa geela la baxay “Hagoogane”. Wuxuu geelaasi magaca kula baxay: “ninkii geelaas ka saami galeyna kibir buu la hagoogtay, ninkii ka qadayna ciil buu la hagoogtay”.

Labaatankii gu’ ee dagaalku gumaysiga iyo Daraawiish ka dhex socday waxaa dhacay wax weyn, dad wixii la laayey ama haasahaasihii ku lumay iyo duunyo wixii la dhacay ama daar burburay ama degel rogmaday, gabbal dhacay iyo waa beryey wixii guuto gelibaxaysay iyo faras wixii weerar u taagnaa, qalinna laguma qori karo, afna loogama sheekayn karo, lamana qiyaasi karo. Aan soo qaadanno gabay yar oo wax ka tilmaamaya wixii meeshaas ka dhacay.

Waxaa la wariyey Ismaaciil Mire iyo wadaaygiisii Xaaji Maxamed Cawl inay reer ku soo hoydeen. Qof dumar ah oo reerka joogtay ayaa Ismaaciil maagtay oo waxay ku tiri: “Wiilashaydii adaa laayay, awrtaan ku guuri jirey iyo arigeeygiina idinkaa dhacay, wixii guuldarro i gaarayna idinkaa ii geystay”. Ismaaciil ayaa hadalkii islaanta ka xumaaday oo garaysan waayey, maxaa yeelay wuxuu rumaysnaa inuusan wixii Daraawiish iyo dad kale kala gaaray isagu uusan u qoolmi karin. Dabadeed, isagoo wixii dhacay lama wada sheegi karee, wax ka taabanaya, wadaygiisiina ku halqabsaday wuxuu yiri:

Gelin dhexe xalaan Maxamadow geyrtay oo kacaye
Gam’ina waayey hadalkay i tiri gacallow naagtiiye
Adigay gablay tiri markaad gaaska wadateene
Waxay tiri adaa igu gondolay garangartaan iile
Waxay tiri aday guri dhigoo ma lihi gadiide
Waxay tiri adaa gelengal tubay garayartaydiiye
Waxay tiri guyaalkii adaa gaajo ii dilaye
Waxay tiri gurboodkii adaa geesuhu dhigaye
Guhaaddeeda aan jirin balaan gabay ka soo qaado
Gumburo iyo Cagaarweyne iyo geedkii Daratoole
Goobtii Jidbaalle iyo Xargaga guuldarradii joogtay
Gembigii ka dhacay Ruuga iyo gudurigii haagay
Gabooddeeda Beerdhiga wixii la isku gooraamay
Meydkii gabraday seerigay Good ku tumanaysay
Gawarkaad maraysaba laftaad galayaxaa mooddo
Ogaadeenka gaanka ah wixii geydho laga qaaday
Iiddoor cayuun godan wixii gelin la weydaarshay
Shirshooraha gudbani cayr wuxuu gorof la meeraystay
Garcas iyo Majeerteen wixii guuyo laga dhaarshay
Gob ninkii ahaan jiray wuxuu gibil madoobaadey
Giddigiis naflaa’iga wixii gobolba meel aadey
Dayuuradaha gowliyo wixii samada guuraayey
Daarihii gelgelintaa noqdiyo gebiyadii ciiray
Wixii guuldarriyo hoog ka dhacay dunida guudkeeda
Gembigiyo jahaadkii arlada gaday wixii joogey
Gaaliyo Daraawiish wixii uunka kala gaarey
Kaligey ma wada geysannine la isku geeryooye
Geyigii rogmaday oo dhan baad guudka ii suriye
Waxbana hay gurreynine denbaad galabsanaysaaye
Gartaa maaha naag yahay inaad ii gilgilataaye
Gashi kaama qabo oo ma layn gabannadaadiiye
Gambana kaama furan baan u fili gulufaydeyiiye
Naa gefkiyo beenta daa yadan gelin godadkii naareede.

Firdhadkii Daraawiisheed iyo wixii ka harayna waxay galeen Qarrijiqood, ugu dambaystiina waxay tageen go’ane Iimey oo ku taal webiga Shabeelle xaggiisa sare. Meel ay Daraawiishi daar ka dhisto ama ay dab ka belbeliyaan waa meeshii ugu dambaysay. Sayid Maxamedna halkaasuu ku geeriyooday 1921kii.

Gumeysiga iyo Taariikhdii Darawiisheed

Daraawiish markay jabtay, Sayid Maxamedna geeriyooday gumaysigu wuxuu ku dadaalay inuu raadkoodii baabbi’iyo si aan loogu dayan, taariikhdoodiina looga sheekeysan. Dabadeedna wuxuu fidiyey taariikh aan raad lahayn iyo dacaayad been ah iyo xuma-ka-sheeg si aan tii oo kale waa dambe u dhicin. Wixii kutub, buugaag, gabay ama waraaq ahaana waa gubay si aan wax raad ah Daraawiish looga arag.

Waxay duni hadba heer ahaataba, waxay talo hadba geed harsataaba, afar iyo soddon gu’ iyadoo laga soo wareegay geeridii Sayid Maxamed ayaa anigiyo naftaydu ku heshiinnay inaan taariikhdii Daraawiisheed guud ahaan baadi goobo, wixii maanso ahaana gaar ahaan u raadiyo. Abbaaraha muddo sanad ah markaan wadey ayaa waxaa iga hor yimid labo dhibaato oo culculus:

  1. Tan hore nimankii Daraawiish ka noolaa oo gabayadii inay hayaan lagu malaynaayey dhammaantood waxay noqdeen reer miyi saraardaaq ah oo magaalooyinka ka dheer.
  2. Tan labaad waxay noqdeen niman haaliyoobay oo fiig ah oo si ay kuugu gole-fariistaan adag tahay, inay wax kuu sheegaan daaye!

Dabadeed waxaa lagama maarmaan noqday laba hal:

  1. Inaan helo xoolo aan ku meel maro.
  2. Inaan barto xeerka Dariiqda Saalixiya.

a) In kastoo dhawr jeer aan ka hakaday lexajeclo daraaddeed, talo waxay iigaga ibabeeshay inaan iibiyo shan geela oo lacagtaan ka helo gabaygaas baadidoonkiisa iyo baaristiisa jicsin iyo baadifad uga dhigto. Ilaah mahaddii weeyaane, taasi waa ii meel martay.

b) Waxaan u xeraystay koox wadaadda ah oo Saalixiya ah si aan u barto xeerka iyo xeeladda Dariiqada Saalixiya, iyana waa ii meel martay.

1955kii ayaa guntiga labada law geeyay, kitaabkana gacanta midig gashaday. Nugaal labadeeda daanna gees walba u qaaday, gugii dambena Hawd iyo Ciid baan wareegayey.

1959kii ayaan taabay taariikhdii Daraawiisheed inteedi badnayd, gaar ahaan gabaygii iyo goobihii dagaalada xumi ka dhaceen iyo gurigii Dariiqo wixii ka dhacay xumaan iyo samaan mid kastaba ha ahaatee. Waxaas oo idil waxay ku qorraayeen far carabi ah. Waxaan sugayey oo maskaxda ku hayey gooray noqotaba far Soomaali inay soo bixi doonto.

1971kii ayaa la unkay guddi afka Soomaaliga ka shaqeeya. Markaasna waxaa ii muuqday inay lagama maarmaan tahay in gabayadii la habeeyo oo laysu duwo, taasuna waxay u baahatay taageero la helo, maxaa yeelay waa hawl weyn.

1972kii bishii Jannaayo 4teedii, ayaan Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ku heshiinnay inaan u yeeriyo isna gacanta ku qoro gabayadii Ina-Cabdulle Xasan oo awal carabiga ku qornaa. Hawshaasi waxay nagu qaadatay laba sano oo gaw ah iyo afar bilood.

Gabayada buuggan ku qoran waxaa la ururshay 1954kii-1974kii, waxaana laga qoray niman Daraawiish ahaa oo marki la marinaayey Xaruntii joogay, in kastoo maanta rag yari ka nool yahay. Raggaas magacyadoodii, meeshi aan kula kulmay iyo taariikhdii aan is-aragnayba waa sida hoos ku qoran:

 Magaca Meeshii Taariikhdii
Cabdi-Yaar Cali Guuleed Buuhoodle 1955kii iyo 58kii
Maxamuud Cilmi Faarax Buuhoodle 1955kii iyo 58kii
Xaaji Maxamed Cawl Buuhoodle 1955kii iyo 58kii
Xaaji Aaden Cawad Buuhoodle 1957kii
Garaad Soofe Durraan Buuhoodle 1957kii
Gallaydh Cabdi Ismaaciil Buuhoodle 1957kii
Maxamuud Xoosh Dheere Buuhoodle 1971kii iyo 73kii
Saliid Baynax Aaden Marqaan-Weyne 1955kii
Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon Laascaanood 1957kii iyo 58kii
Faarax Baqardhe Laascaanood 1957kii iyo 58kii
Xaaji Maxamed Biixi Boos Laascaanood 1957kii iyo 58kii
Aw-Cabdille Ibraahim Boocame 1956kii iyo 73kii
Xaaji Axmed Aaden Surgo’ Boocame 1956kii iyo 73kii
Cali Darmaan Garaase Taleex 1956kii iyo 73kii
Warsame-Geeldabar Ciise Taleex 1956kii iyo 73kii
Ciise-Fikad Faarax Qardho 1956kii iyo 73kii
Xaaji Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Muqdisho 1959kii
Xareed Duubi Deero Muqdisho 1963kii
Xuseen-Aabi Cilmi Xaasey Muqdisho 1964kii iyo 73kii
Caasha Sheekh Cabdille Muqdisho 1972kii
Abokor Seed Cali Muqdisho 1972kii iyo 73kii
Aaden Aw-Yuusuf Dhacdhaco Muqdisho 1973kii
Aaden Cawl Jaamac Ayl 1973kii
Soofe Cali Buraale Muqdisho iyo Hargeysa 1965kii iyo 73kii
Maxamed Nuur Cali Iskushuban 1964kii

Raggaas waxna waa geeriyoodeen, waxna god qarkiis ayay saaran yihiin. Badankooduna Daraawiish bay ahaayeen xaruntii bayna ku dhasheen, kuna koreen, dagaalladii goobjoog bay u ahaayeen.

Waxaad gabayada qaarkood ku arki doontaa cay foolxun, hase yeeshee murti iyo taariikh ah. Caydaa waaxid iyo wadar mid kasta ha loola jeedee, maxaa keenay? Jawaabtu waxay tahay laba arrimood:

Tan hore Sayid Maxamed wuxuu rumeysnaa Daraawiishna baray Muslinka iyo gaalada dal iyo diin, dad iyo duunyo, mid kastaba ha ahaatee wax xiriir ah oo ka dhexeyn kara inayan jirin. Sidaa darteed wuxuu Sayid Maxamed Daraawiish ugu guddoomiyey ninkii gumaysiga la dersa ama la daawa leh taageera in la caayo oo la cambaareeyo, bal inuu ceebayntaa wax ku qaato ama dadka xaggiisa ka cadhoobo.

Tan labaad rag colloobay, cay, aflagaaddo iyo hadal xun oo la isu diraa waa lama huraan. Haddaynnuse gabayadii Soomaalidii hore isu marin jirtay gaar ahaan u eegno ama ummadaha kale gabayadooda guud ahaan u eegno, waxaannu ka garanaynaa caydu inay murtida ka mid ahayd, tusaale ahaan waxaa u soo qaadan karnaa gabayada ay carabtu isu marin jirtay oo diiwaanno fara badan ka buuxa.

Habka Buuggu u Qoran Yahay

Waxaa la og yahay in gabayga Soomaalidu xaraf xarfaha alifka ka mid ah lagu tiriyo, hadduu ka leexdana deelqaaf yahay ama xeerkii gabayga ka baxaayo, hanaankiisu xumaanayo. Haddaba, buugga waxaan u qorray alifka Soomaaligu siduu isu xigo. A-da iyo 21ka shibbane Sayid Maxamed waa ku gabyey. Kh-da iyo Y-dase ma helin mana maqal, waxaase laga yaabaa inuu ku gabyey oo ay lumeen.

Gabayada Diiwaankan ku qorani waxay ka kooban yihiin 120 gabay oo Sayid Maxamed mariyey iyo 16 gabay oo ay rag kale mariyeen, laakiin gabayada Sayidka xiriir la leh.

Waxaannu ku dadaalnay inaannu wixii noo suuragalay oo magac dal, dad ama duunyo ahaa laqbayno ama tilmaan gaaban ka bixinno.

Fiiro Gaar ah

Waa inaan loo maleyn in gabayadii Sayidku mariyey halkan ku idil yihiin. Waxaa jira kuwo badan oo magacyadoodi iyo ulajeeddadoodiiba la hayo oo aan wax yaqaan la helin, welina la baadi doonayo iyo kuwa lumay.

Waxaa jira gabayo badan oo dhowr tuduc laga helay, meel laga doonana aan la ogayn. Sida loo malaynaayana dadkii qabtay ama yiqiin adduunka way ka tageen. Sidaas daraaddeed waxaad buuggan ku arki doontaan gabayo aan dhammayn. Haddaba, iskuma ladin oo meel aan u raacno ayaannu garan weynay. Sidaa daraaddeed baadi doon baa furan.

Afeef

Hadddaad aragtaan gabay siduu ahaa aan loo qorin ama ujeeddadiisu siday ahayd aan loo werin, eexo nagama aha, ee aqoon baa sidaa noqotay. Horayna waxaa loo yiri: “Eebbow eexana ha nagaga tegin, aqoondarrina ha nagu cadaabin”. Inaad hagaajisaanna waa idiin furan tahay.

Waxaannu gabayada u soo qornay sidii aannu Daraawiishkii uga maqallay. Kamana tegin tuduc gabay ah oo Sayid Maxamed mariyey, maxaa yeelay, waxaannu u danaynay murtida, taariikhda Soomaalida iyo nolosheeda ee uma danaynayn qof aan dunida maanta ku noolayn oo gabayga lagu xusay.

Hase ahaatee waxaa jira dhawr gabay oo buuggan laga reebay iyo dhawr tuduc oo gabayada qaarkood laga saaray, lana filayo inay buugga danbe ku soo baxaan.

Sidaas iyo akhris wanaagsan.

Sheekh Jaamac Cumar Ciise
Xamar, 30.12.1973

Xuseenow Caqligu Kaama Baxo (Afbakayle)

Dagaallo badan baa Ingiriiska iyo Daraawiishta dhex maray. Ingiriiska wuxuu doonayay inaan dhaqdhaqaaqa Daraawiisheed dhulka ku fidin, Daraawiishina waxay doonaysay inaan Ingiriisku dhulka ku xididaysan. Labada dhinacba si daran baa dagaalkii loogu hoobtay. Dadkiina wuxuu u kala miirmay: Nin Ingiriiska la jira oo moodaya inuu dan u yahay, iyo nin Darwiish noqday oo jihaad u guntaday iyo nin duunyadiisa dhaqanaya oo aan duniba bar ka ogayn.

Arrintii oo sidaas ah ayaa Ingiriisku niman Soomaali ah Sayidka ergo ugu diray. Nimankaasi ujeeddadoodu waxay ahayd inay Sayidka kula doodaan inay yihiin dad Islaam ah oo dadkooda in la laayo iyo duunyadooda in la dhacana aanay bannaanayn. Isagana waxay la ahayd, mar hadday aqdaaamo ferenji yihiin, inaanay diintu nabad gelinayn, markaa Sayidku isagoo ka warramaaya dhibihii loo geystay, tilmaamayana goobihii laysku helay, caddaynayana doodda nimankaasu u keeneen wuxuu ka qabo, ayuu gabaygaan tiriyey. Waxaanu ku tirshey Ayl ama Ilig 1905 sida lagu wado.

Xuseenow1 caqligu kaama baxo, idam Ilaahaye
Ha laguu aqbalo duca san baan, kuu akhriyaaye
Ifkana waaya noo joog, nimaan aaminaad tahaye

Haddaad umaaddo waan kuu hubaa, ina uduu kheyre
Asaxaabihii baad u tegi, udugga weynaayee
Irdihii jannada inaad ka geli, waa ogsoonahaye

Hawl kalana waa erey yaraan, kuu erganayaaye
Alla igama qaadow adaan, kala illaawayne
Eedaanka maqal waa salaad, loo addimayaaye

Ilaahi abuurba kuwii diiday amarkiisa
Ambiyaalihii iyo kuwii, awliyada caayay
Asxaabti dariiqada kuwii, awlaxa u qaaday

Ikhyaarkooda nimankii kufriga, uga adeegaayey
Aan lagu igraahine kalgacal, ugu abraaraayey
Kuwii ubad Nasaaraad noqdee, Ferenji aanaysatay

Nimankii Amxaara u kacee, Adarinuu guurey
Oo Aw-Cabbaas2 diley, dadkaan eedi kala gaarin
Oo uunka kala fiijiyee, kala irdheysiiyey

Nimankii Amxaara u kacee, Adarinuu guurey
Oo Mililikh3 aabbe u yehee, u arrin qaadaayo
Oo Xabashi eegi u noqdee, u ololaynaayey

Ingiriiska nimankii wadee, nagu aseebaayey
Afbakayle4 nimankii wadee, nagu aseebaayey
Ee Oodagooyiyo5 na dhigay, aydii Daratoole6

Nimankii ikhwaankii jaree, aabiga u laayey
Ragga ehelu-kheyrkaa warmaha, kala ajoon waayey
Oo umal daraaddiis girliga, ugu afuufaayey

Idilkoodba nimankii dagaal, iigu imaanaayey
Nimankaan inkaaree madfaca, ololi ii haysatey
Ee ubaxcaddaydii hartiga, oofta kaga joojay

Nimankii iniinaha ka dhigay, Ilig7 wixii joogay
Ee Eerago8 iyo Batalo9, igu uquumeeyey
Ee omoska Beerdhiga10 tukaha, igu ormaysiiyey

Nimankii ayaantii Gumburo11, oboda ii dhiibay
Ardaashii Jidbaalle12 i heshee, igu unuun goysay
Nimankii uluuf iyo uluuf, igu agoomeeyey

Nimankii adduunkeygii dhacay, ariyo geeliiba
Anigoo islaamaba kuwii, ii arxami waayay
Nimankaan Ilaahoow lahaa, eyda iga doono

Abaalkayga nimankii ba’shee, ii istixayn waayey
Ahabtiyo ergeyntii kuwii, lagala ayn waayey
Nimankii ijaabada ka tagay, aakhiru sabanka

Nimankii iblays nagu diray, naga ajoon waayey
Nimankii arlada Eebbahay, naga ugaareeyey
Nimankii awaaraha buska leh, nagu eryoonaayay

Ninkii abaartii caleed, Bari na aadsiiyay
Argalkiyo rasaastii kuwii, nagu igbaaraayay
Ee urugadaan qabiyo ciil, igu abaadsiiyey

Nimankii ilmada iga qubee, oohin iga keenay
Nimankaan ku alaladay markii, uunku wada jiifay
Nimankii ujuurada cunee, iibkii ii bixiyey

Nimankii intaas nagu falaan, na asaraareynin
Waxba yey addoomaha Ilaah, nooga aargudine
Waxba yaan adduun layga siin, ilintidaydiiyee

Utuntayda waa heli haddaan, iilka lay dhigine
Araraha intaan marahayey, igu arkaayaane
Maruun baan sidii aar libaax, oodda soo jebinne

Ashtakooda’aa iyo warqado, ku andacoodaaba
Mar haddaan shareecadu aqoon, nimanka liddoora
Ashahaadadoodiyo ma rabo, ina wallayntooda

Mar haddaan wadaad aayad diin, ila ekeyneynin
Amaan aniga la i oran karayn, tanu ahaan mayso
Allow yaa af lama daaliyee, iga asluubaysta.

Waxaan ka soo guuriyey Cabdi Cali Guuleed oo loo yiqiin Cabdi-Yaar 1955kii, hase ahaatee markii dambe waxaan helay gabayga oo xaruntii lagu qoray. Waxayna isku ujeeddo yihiin gabayga 4aad.

  1. Xuseen: Xuseen Dhiqle, waa ninkii gabayga Sayidka naawili jiray, waxaana lagu tilmaamay nin fahmo badan, Sayidkuna isaguu ku hal qabsan jirey. Wuxuu ku dhintay Gindhir 1923kii.
  2. Aw-Cabbaas Aw-Xuseen Muuse: Wuxuu ka mid ahaa kooxdii Sayid Maxamed Maka u raacday. Kaddibna Daraawiish buu noqday waxaana lagu dilay shirqoolkii Gurdumi.
  3. Waa boqorkii xabashida u talin jiray 1868 – 1913.
  4. Af-Bakayle: Waa goobtii ugu horreysay ee Ingiriis iyo Daraawiishi ku dagaalameen 1901dii. Goobtani waxay ka dhacday meel Laascaanood 40 mayl dhinaca galbeed ka xigta.
  5. Oodgooye: Waa dooxo magaalada Laascaanood ka hooseysa. Waxaa ka dhacay dagaal Ingiriis iyo Daraawiish dhex mary 1901.
  6. Daratoole: Waa balli can ah oo ka mid ah toddobada balli ee Haraxagarrey.
  7. Ilig: (a) Ilig-daldala waa gacan badda gala oo Ayl 60 mayl dhinaca koonfur-galbeed ka xiga. Daraawiish baa qalcad dagaal ka dhisatay 1905. (b) Balli ka mid ah ballida loo yaqaan Haraxagarrey.
  8. Eerego: Waa tog weyn oo hawd ka soo rogmada oo ku soo biyo shuba Mudug.
  9. Batalo: Waa balli toga Eerago bartamihiisa ku yaal.
  10. Beerdhiga: Waa goobtii saddexaad ee goobihii waaweynaa ee Ingiriis iyo Daraawiishta dhex maray. Waxay ka dhacday Xodayo 1902.
  11. Gumburo: Waa buuro 44 mayl Wardheer xagga bari ka xiga. Waxaa ka dhacay dagaalkii Cagaar-Weyne 1903dii.
  12. Jidbaalle: Waa goobtii shanaad ee Daraawiish iyo Ingiriis dhex martay, waxayna dhacday 1904, waxay ka dhacday dhooddida Nugaaleed bartameheeda meel Laascaanood waqooyiga ka xigta.

Dhurwaa Ariga Eebbaa Leh

Jeerkii xarunta Daraawiishtu deggenayd Ayl iyo Ilig meel bannaan ah oo la yiraahdo Galingaale ayaa dhawr gabdhood waxaa loo dhiibay ari tiro badan oo la damacsanaa in loo qeybsho niman madax Daraawiisheed ah. Dhurwaa horor ah ayaa gabdhihii mare iyo maakhad arigii uga waayeen. Gabadhii gabdhaha ariga ilaaliya madaxda u ahayd baa Xuseen Dhiqle oo raga Dariiqada ka taliya ka mid ahaa u timid markaasay ku tiri “Arigii waraabaannu uga taag la’nahay ee intaanu dhamayn miyaanay habboonayn in si uun loogu taliyo?” xuseen isagoo ujeedadiisa weyni tahay in hadalkaasu faafo si wax looga qabto ayuu ku yiri gabadhii, “Dhurwaaga waxaad ku tiraahdaa:

Dhurwaa ariga Eebbaa leh
Eebbiyo Astaakaa leh1
Oo niman dableeyaa leh
Oo niman ku dili baa leh
Waa niman Daraawiisha
Gaaciyemataan2 baa leh
Geeraarshihii3 baa leh
Laba ilmo-Garaadbaa4 leh
Cabduloo Suldaanaa5 leh
Carab6 galacyo dheer baa leh
Cumar dabagabooyaa7 leh
Joofeey Jiriidh8 baa leh
Inantii caddeyd ba leh
Cawraladabey baa leh
Suubbanaan9 samreyn baa leh
Samawadoo ka daran baa leh
Yaan gamas laguu qarine
Gablamoow iskaga leexo!

Waxaan ka qoray Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon.

  1. Astaadku: Waa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ama Sayid Maxamad Saalax oo Dariiqada Saalixiya madax u ahaa, Sayid Maxamad Cabdulle Xasanna shiikhiisa ahaa.
  2. Gaaciye-Mataan: Gaaciye-Mataan Faarax wuxuu ahaa farsama dhaarigii Daraawiishta.
  3. Xuseen: Xuseen Faarax “Dhiqle”, waa ninkii gabayga Sayidka naawili jiray, waxaa lagu tilmaamay nin fahmo badan, Sayidkuna isaguu ku hal qabsan jiray. Wuxuu ku dhintay Gindhir 1923.
  4. Labo ilmo-Garaad: Ilmo Garaad Cali.
  5. Cabdul: Cabdul Suldaan Cilmi Xaaseey. Waxaa dilay Ingiriis, waxaana lagu dilay Ceeldheer 1919.
  6. Carab: Waxaa loo maleynayaa Carab Maxamad Ciise.
  7. Cumar Dabagabooye: Kuray aan weyneyn oo Dariiqada joogay buu ahaa ee gabayga uun baa iska qabsaday.
  8. Joofey: Waa Darwiish la oron jirey Joofey Cali Jiriir.
  9. Suubban: Waxay ahayd Joofeey Cali Jiriir afadiisii.

Xuseenow Aqoon Xume (Jawaab)

Sayidku gabayga hore markuu maqlay usagoo dhurwaagu u doodaya wuxuu yiri:

Xuseennow aqoon xume, erey baan leeyahaye
Awal hore haddaad tiri, Eebbaa adduunka leh
Eeggana maxaw tiri, annagaa aryowga leh
Inaad laba aflaysaa, ma ansixi karaysaa
Ma Alloo kalaad tahay, mise waa ka adagtahay
War maadaa ardaalyahow, arsuqeyga celin kara
Adba waa uu ku uumaye, maanaan abuurrayn
Mase aniyo adigaa, Eebbe weyne kala xiga
Ayaantaan afura helo, maxaad uga umleysaa
Illey waa Ibraahim, aaqiba ku diinkiis
Mase waa Ogaadeen, aflagaaddadiisii
Mase waa Iljeex1 iyo, umuurtuu ku kici jiray
Gaaciyoo aboodiya, ma aabaan ka leeyahay
Haddii uu islaam yahay, Ingiriis ma aadeen
Oo inamadiisii agoon, uguma taliyeen
Cumar waa abootee, miyuu ii olmomayaa
Joofeyga odaygaan, miyuu orod holaayaa
Cabdul eeba koley tahay, miyuu aalad leeyahay
Inta kaloo aad sheegtana, waa ooryo naaga ah
Adigana urruufyahow, anigaaba kaa adag
Aawiyo Majeerteen, waa ina adeerkay
Tan iyo aamanuudii, Ilig2 baan fadhiyi jiray
Abtirsiinyahayguna, waa reer Ugaadh Cumar
Adiguna adoogaa, Uubataaluu3 lahaan jiray
Haddaad aamin doon tahay, orod aayar iga guur
Haddii kale ha ooyine, adkaysaan ku leeyahay.

  1. Il-Jeex: Xuseen Yuusuf Xirsi Dalal, wuxuu ka mid ahaa raggii abaabulay shirqoolkii Gurdumi.
  2. Ilig: Waa gacan Badweynta Hindiya gala oo Ayl ku yaal, wuxuuna ku caan yahay “Ilig-Daldala”.
  3. Uubataale: Waa ceel ka mid ah toddobada ceel ee Daallo loo yaqaan.

Ragga Ayl u Kacahayow

Waxaa la wariyey in guyaashii Daraawiishi fadhiday Ayl iyo Ilig, xaruntuna Galigaalle ka waabnayd. Darwiish la oron jiray AwJaamac, ragga daarta Daawad hayana ka tirsanaa, wiil uu dhalayna uu Daraawiishta u hagaajiyo banaatiikhda ka xumaata, bantukhuu hagaajiyana inuu qaalin geel ah ka qaato Sayid Maxamed u xukumay, AwJaamacna xoolaha dhaqaaleeyo, Sayidkuna ari fiican siiyay, ayaa laba halo o gabay ah tiriyey oo wuxuu yiri:

Astaadkiyo Ismaaciilba waa ururin doonaane
Arsuqeyga Eebbaa hayee adarka ii buuxi.

Ka dib waxaa lagu xujeeyey inuu arigii wada qashay oo damacsan yahay inuu Daraawiish ka tago. Dabadeed Sayid Maxamed baa gabaygaan u mariyey oo wuxuu yiri:

Ragga Ayl u kacaayow farriin aada iga geeya
Aw-Jaamac dhaha aakhiriyo Eebbe ha ilaawin
Nabsigaan ayaan soo dhaxayn adigu ha u yeeran

Uquubiyo inkaar aadan qabin abid ha soo jiidan
Nin ikhwaanahoo kula arrimin maqal akhbaartiisa
Halkii kuu ekaad adigu tahay anafo ha u yeelin

Arrinkaad waddaa waa hunguri ababadiisiiyee
Uurkaaga uun dhereg la doon waa Allow sahale
U adkayso gaajada wadaad aaqilaad tahaye

Arigaaga dhaqo cayri waa taad abuur garane
Adarka ha ku ridin xoolahaad ku amranaydeenee
Adduunyada ku tacab maanta waa aakhiruu sebene

Astaadkiyo Ismaaciil wax ku ururin maayaane
Arsuqaaga Eebbaa hayee axanka ha isdhaafin.

*Waxaan ka qoray Aadan Cawl.

Nin Aqdaamo Ferenji ah

Xaashidii musuqmaasuqa ahayd oo layiri waxaa soo diray Shiikh Maxamad Saalax oo Daraawiish lagu cambaareynayey mar la keenay xaruntii oo taal Ilig dadkii oo dhanna loo akhriyey, su’aal Sayidka laga weydiiyey oo la yiri maxaynu ka niraahnaa? Wuxuu yiri:

Nin aqdaamo ferenjiya maantiyo abuurriin
Ama aaladduu sida ama awrtabuu rara
Ama ariga buu qala ama laba ugaarsada
Ama uba ilaalaa ama uurka kala jira
Ashahaado beeniyo islaannimo ha lagu dhaqo
Ilaahayna nama oron anna ma oggolaan karo!

*Waxaan ka qoray Cabdi Warsame.

Saw Ma Aha?

Muslin iyo gaalba dadkii Sayid Maxamad Cabdille ka gees ahaa waxay ku tilmaameen inuu dawgii sharciga ka tallaabsaday oo dil iyo dhac u bareeray dad wixiisna xalaalaystay.

Haddaba isagoo ka warramaaya naftiisa iyo ujeeddadiisiiba xagga islaannimada, Ilaahaqoonta, xagga jihaadka iyo aftahannimada, deeqda iyo xagga walaalnimada ayuu Sayidku gabaygaan mariyey oo wuxuu yiri:

Nin Ilaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaalaaya
Ashahaado loo qoray nimaan, kala illaaweynin
Oo aan inkirihayn xaq waa, la oggolaadaaye

Nin salaadda awqaadda, faral u addimoonaaya
Oo dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya
Oo aan afurin soonku, waa bilaha iideedee

Adduunyadiyo xoolaha ninkii, aragti dhiibaaya
Oo inuu ohay yiraah, ka istixyoonaaya
Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin

Nimaan diinta aafo u galayn, aakhiruu sabanka
Oo aan amxaarada sidii, obo u yaaceynin
Oo gaalka ooradu ku taal, u askareynin

Nimaan abuurka Soomaaliyeed, ka anfi taageynin
Oo aan ajuurada kufriga, ugu adeegeynin
Oo aan ardiga beesadeed, u ashtakoonaynin

Nin jihaad ohoominahayoo, ubaxa loo saaray
Ingiriiska eyga ah ninkii, ugu uneexaaya
Oo libin ajri leh soo heloo, or iyo geeraar leh

Nimanyahow aqoonxumadu, waa ardaalnimo e
Asaraar ma fiicnee, runbaa lagu arooraaye
Ninkii aynigaa lagu yaqaan, aw islaan ma aha?

Shir aguugay waayeel abyamay, talo ashaaddowday
Irda jiqa albaabo isku xiran, eel la bixin waayay
Xaajadaas afraha duubatee, loo olmami waayay

Nin aqoon leh aw iyo haddii, odaya loo saaro
Inkastoo ayaan iyo ayaan, lagu oloollaado
Ninkii maalitaa ka arrinshaa, aaqil aw ma aha?

Wiiwiida qaylada haddii, uubatadu yeedho
Sangootida ilwaadda leh haddii, agabka loo qaato
Awaaraha buska leh maalintuu, Xamar abraaraayo

Maantii warmaha oofta iyo, adhaxda lays gooyo
Maantuu aboodigu ku lalo, ubaxa loo daadshay
Maantuu isaayuhu ka dhaco, idil dagaalkeeda

Maantii fuluu naga ordo, alaba soo rooro
Maantii raggaan loo ilayn, naga ugaaroobo
Maantaa ninkii aarsan sow, aarka dhacay ma aha?

Nimaan edabdarroonayn xil, waa laga ajoodaayee
Aflagaadda aan jirin, nimaan kuula imaanaynin
Oo kaa asluubanahayoo, kaa istixyoonaaya

Ab uu yahayba aadniga ninkii, same ekeynaaya
Abtirsiinya kii xigay nimaam, iniq u dheereynin
Addoomaha Ilaahay nimaan, kala irdheyneynin

Ninkii aammusoo shib ah haddii, erey xun loo geysto
Aan kula ekeekamin intuu, urur ku soo joojo
Aan xaajo awgeed la gubay, ubucda jeexaynin

Anfaaciga adduunyada nimaan, ku anfariiraynin
Oo xeeryo soor lagu akhatimay, ibir ka yeelaynin
Oo sida ardaal wax u cunee, alam ka siineynin

Intuu aqalka baanjiyoo, nimaan aradda guuguulin
Aagaanta ciirta nimaan, aaska dhigaynin
Oo aan qumbaha awdinoo, ilaxirkow jiidan

Aaqibadii loo galo nimaan, kala illaaweynin
Oo kuu ixsaan fali intuu, edge adduun joogo
Oo aan abaaldhaca aqoon sow, akhiyaar ma aha?

Ari badan lo’ iyo geel intii, mulug adduunyaada
Ugub dhalaya qaalmaha umulee, laga unuun gooyey
Eeraan fardood iyo gammaan, aradka duulaaya

Aqal weyn aroos bilic leh oo, ilaxir loo yeelay
Inan quruxsan oo lagu ashbahay, uunsi iyo kheyli
Oo qool asliya loo gashoo, jalamtu eedaami

Nasteexiyo wanaag nikii, ilindi kuu keenay
Umuurtii aad leedahay ninkii, kuu abaynaaya
Adduunka iyo aakhiro ninkii, kuu aslaaxinaya

Ninkii maalinta iillaan tahay, aana kugu qaata
Oo aan abaarahakan dhacay, oodda kugu jiidin
Itaal xumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha?

* In kastoo aan niman kala duwan ka dhugsaday, haddana gabaygaan waxaan ka qoray Xaaji Maxamad Ileeye 1956kii, wuxuu ka mid ahaa raggii xarunta ku haray waxna ku bartay. Waxaan Xaaji Maxamad kula kulmay ceelka la yiraahdo Dhallaama-Cune oo degmada Buuhoodle ku yaal.

Ismaaciil Mirow

Ismaaciil Mire oo guuto Daraawiish ah oo korjooga ah ku haysta buurta Ceeldhaab, dhulkana wax degma ah aan lagu ogeyn ayaa ilaalo diray, dabadeedna wuxuu ogaaday inay tahay degmo Daraawiish dakana ka qabtay oo guban ka soo baxay. Kolkaasuu Sayidkii wuxuu u diray gabay farriin ah oo wuxuu yiri:

(A)

Aabbow xaqeygii ma deyn, igana duugowye
Nimankii ikhwaankii dilaa, meel dhow soo degaye
Dabka xalay badweyn iiga baxay, waan ku diirsadaye
Dantayna ma aha inaan daayo oo, dib uga laabmaaye
Raggii aan la dibad meeri jiray, doorkii laga laayey
Kolkii shalay Ammaan laga dilay, dib isu laabeene
Waa daaluqsaday Xaashigii, ugu da’ weunaaye
Ducaaliyo ma wadin Jaamac-Cudur, inay dambeeyaane
Kollay habrey dooxdaan Ilaah, deeqi waa badane
Duullaanka may soo baxshaan, dagay kufaarkiiye.

Gabayga Sayidkii markuu maqlay, waxaa u muuqatay hadalkaasu inuusan Ismaaciil ku habbonayn, oo uu dadkii kala didiyey, dabadeedna wuxuu jeediyey canaan waayeel, wuxuuna yiri:

Ismaaciil1 Mirow taladu waa, eyddin kaa maqane
Maandhow umuurtaadu waa, ababa’deediiye
Maandhow adduun wuxuu ahaan, waadan idihayne

Maandhow aqoonxumadu waa, ku ambineysaaye
Maandhow ninkaan edeb lahayn, waa Allow sahale
Maandhow aqliga ha iska lumin, Eebbahay magane

Maandhow raggii aakhiraad, igu ohomsiinee
Maandhow sidii ibilka way, ololinaysaaye
Maandhow waxaad igu akhriyi, uurkutaalada’e

Maandhow ikhwaanki ma deyn, urugadiisiiye
Maandhow alleylkii dhaxaan, alaladaaye
Maandhow ilmada ha iga qubin, kaa afeeftamaye

Maandhow nin umal saaqayoo, ururxun baan ahayee
Waxaan awlaaxu rabinayaa, aarsi dirireedee
Maandhow awaal dagatey baan, aawilahayaaye

Maandhow Ducaaliyo2 Ammaan3, waayey araggoode
Maandhow kuwii iga ajalay, waa rkaa bixiye
Aniguba ayaamaan lahaa, ha isallaaweene

Maandhow abaabaa kuu wadi, abadankeygiiye
Maandhow dadkaad eriday baan, ururinaayaaye
Maandhow ooho baan oron sidii, aaran baadiyahe

Maandhow intay iigu iman, odayadoodiiye
Maandhow iliilahakaney, awr ku soo furiye
Maandhow berry soo ekaan, ari sidiisiiye

Maandhow ixsaan lagama tago, eed haddaad faliye
Maandhow ninkaad iniqdo, waa ku oggolaadaaye
Maandhow haddaan inamo raro, way i aaminiye

Maandhow idday waxaan ku bogan, waa irdha la’aane
Maandhow ninkaan aa’i, waw aamusahayaaye
Aflagaaddadaadaan ka baqi, inay ogaadaane

Maandhow sidii aarka dhici, waw iigalaclayne
Maandhow ilaaq baan ku wadi, aarankaan diliye
Maandhow ku eersaday hadday, iga ufoodaane

Maandhow ugaadhaba xirkaa, laga agloolaaye
Maandhow urtaan mari sidii, adamaddoonkiiye
Maandhow arbaha ha iga didin, oofataan ahaye.

*Waxaan ka qoray Aw-Axmed Aaden Surgo’.

  1. Ismaaciil Mire: Wuxuu ka mid ahaa ammaan-duulayaashii ciidamada Daraawiishta, wuxuuna ahaa raggii dagaal iyo duullaanba wacdaraha dhigay goobaha badankoodna galay.
  2. Ducaale: wax yaqaan lama helin.
  3. Ammaan Axmad Aaden.

Jidka Adari Loo Maro

Guyaashii dagaalku ka dhex socday gumaysigii Ingiriisku madaxa u ahaa iyo Daraawiish, dagaalkiina dhulka Soomaaliyeed gees walba ugu fiday, ayaa dad badan oo Soomaali ah gumaysigii raaceen iyagoo u adeegaya. Markii weerarkii, gabagabihii iyo dooxatadii bateen, nabadgelyadiina geed dheer oo aan laga soo rogi karin lagu laalay, oo ay Daraawiish iyo dad intiisa kale noqotay. Afxumadii iyo edebdarradiina ay tardhaaftay ayaa Sayidku gabaygakan tiriyey. Usagoo dadka colka u ah u gooddinaya, ama Daraawiish ku goobaabinaya dagaal iyo aargudasho, una tilmaamaya dadka uu doonayo in lagu duulo ama waxyeello loo geysto, gaar ahaan Ingiriis, Amxaaro iyo dadkii raacay ayuu yiri:

Xuseenoo ikhwaan baynu nahay, uur ka soo baxaye
Allaa igu ogoo waa rabaa, aynigaad tahaye
Oroh kalana waa eray yaraan, kuu erganayaaye

Wax alifka lagu qaadayaa, aayadaha diine
Waa kuu iftiimayn sidii, oogta waaberiye
Afar halaan kuu alaladey, balaan adiga kuu sheego

Haddii aanan Majeerteen sidii, ari u iideynin
Ararsamiyo iiddoor haddaan, iranka loo qaadin
Oo aanan irbaha dheer ka jarin, eyda reer Hagara

Awlaxa haddii aanan la dhicin, niman Ogaadeena
Nin ankiray shareecada haddaanu, eedin taladiisa
Kii oroh xumaan jiray haddaanan, aabbe kaga yeerin

Ololaha colkaan wado haddaan, laga ashaatoobin
Jidka Adari1 loo maro haddaan, laga ugaaroobin
Meesha iyo Iimey2 haddaanan, weerar ku ekaynin

Ilkadheere3 iyo Luuq4 haddaanan, lagu awaareynin
Ajiga Waama joogow haddaan, oloku soo gaarin
Adduunyada haddii anan ka shabin, tan iyo Aw-Dheegle5

Nin adduunyo foofsada haddaan, uunka laga waayin
Bullaxaar6 agteediyo hadaan, Awdal7 yaacin
Ooryaha Amxaaradu haddaanay, Cadan ka awlaynin

Ingiriiska eyga ah hadduusan, baqe ku aynfaadin
Goortaan awaawiyo hadduusan, oogsan oo cararin
Agabtiyo haddii uusan qubin, aaladdiyo seefta

Haddii aan islaaxi Berbera8, lagu abaaroobin
Oo anan albaabada qufulin, ila xirkii daarta
Oo ayan eber noqon kobtii, la istareexaayey

Igarriyo9 haddii aanu rag kale, aakhirow hoyannin
Oo aanan sidii aar libaax, wax u unuun goynin
Soomaaliyoo idil haddaan, laga imiil qaadin

Ab uu yahayba aadamigu haddaanu, eeratuu diririn
Oo aanan u aar gudin raggii, naga afdhowraayey
Allaylehe islaan baan ihiyo, umalku waa beene.

*Waxaan ka qoray Cabdi Axmed Tuuhe.

  1. Adari: (Herer) Waa magaalo ka mid ah kuwa ugu filka weyn Soomaaliya. Taliskii Axmed Gurey waxay u ahayd xarun, xagga islaamkana horukiciisa caan bay ku ahayd. Hadda waxay ka mid tahay dalka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya maamusho.
  2. Iimeey: Waa buur go’an oo ku taal webiga Shabeelle xaggiisa sare. Daraawiish baa degtay 1920 oo ka dhistay laba daarood oo dagaal waana meeshii SAyidku ku geerioodey oo lagu aasay.
  3. Ilkadheere: Waa tuulo webiga Weeb la yiraahdo ku taal oo Lebishilindi iyo Hilimadow u dhaxeysa, jeerkii horena xeri fadhiyi jirtay.
  4. Luuq: Waa magaalo caan ah. Waxaa loo yaqaan Luuq-Ganaane, waxayna ku taalla webiga Jubba bartamihiisa.
  5. Aw-Dheegle: Waa magaalo webi Shabeelle ku taal oo u dhaxaysa Afgooye iyo Jannaale.
  6. Bullaxaar: Waa magaalo fil weyn oo ku taal xeebta u dhaxaysa Berbera iyo Saylac.
  7. Awdal: Waa magic waayadii hore la oron jirey Saylac.
  8. Berbera: Waa magaalo fil weyn oo u taal xeebta badyarada Cadmeed.
  9. Igarre: Xaaji Muuse Igarre. Wuxuu ahaa la-taliye Ingiriiska daacad u ahaa, ciidamadiisana ka tirsan, waxaana lagala tashan jirey arrimaha Soomaalida, gaar ahaan Daraawiish iyo sidii loo baabbi’in lahaa iyo sida dagaalka loo maammulayo.

Eelkii Qabsaday

Darwiishka la oran jirey Cabdalla Shixiri wuxuu ahaa Xoghayaha Dibadda ee Daraawiisheed, wuxuuna ku hadli jirey afka Sayidka intaanu fakan, wuxuuna aqoon u lahaa afafka Ingiriiska, Carabiga iyo Talyaaniga. Hase ahaatee isagoo Cadan jooga ayaa Ingiriis xoolo badan ku bantookhay, kuwo kale oo joogto ahna u ballan qaaday haddii uu Sayidka iyo Daraawiish ku ballan furo, waana yeelay. Dabadeed, farriin qarsoodi ah ayuu u dirsaday xaaskiisii, caruurtiisii iyo xoolihiisii dariiqada joogay si ay xarunta uga soo fakadaan, markiise laga war helay Cabdalla Shixiri inuu ballan furay, lana ogaaday dadkiisii inuu fakanaayo, iyagiina waa la laayey xoolihiina waa la dhacay, Sayidkuna gabaygaan yar ayuu u mariyey:

Eelkii qabsaday reer Catoosh arax gariirtaaba
Ilma daadisaa iyo sidii aar u oroddaaba
Afka duubtaayaa iyo gafuur umal taagtaaba

Isku eebataa iyo nin kale eed ku dadabtaaba
Ardiyeysataa iyo dillaal oon ka dhigataaba
Ingiriiska eygaa sidii Eebbe baridaaba

Nin ibtilo ku dhici baa tahaye urug la taahdaaba
Amminkii habeennimo hurudada alad booddaaba
Raggii uu waraabaha abxaday agas u qaaddaaba

Asay xidhatayaa amase weer, kugu abaadyaaba
Ashkatootayaa iyo warqado ku andacootaaba
Ararihiyo dibaddaa martoo naga ufootaaba

Awtaamisaa iyo sidii geel o oloshaaba
Arki meysid ina-Shixiryow1 inamadaadiiyee
Adiguna amxaar baad tahaye ehel nijaaseede.

*Waxaan ka qoray Aw-Daahir Afqarshe.

  1. Cabdalle Shixiro.

Maantii Asaayuhu Dhacay

Galabti Gurdumi ee rag ku tashaday in Sayid Maxamad dabin loo dhigo si loo dilo, ninkii u digay oo magaciisa la oron jirey Cabdi Garaad Yuusuf wiil uu dhalay ayaa jeer danbe xaruntii yimid iyadoo dagaalkii Gurdami laga joogo dhawr sano. Kolkaasuu Sayid Maxamad wuxuu ku tashaday inuu wiilka ka abaalmariyo wanaaggii aabbihii u galay si wanaagsanna u soo dhaweeyo. Markaasuu gabaygaan xarunta dhexdeedii ka tirshay si uu Daraawiishta u ogeysiiyo ama kula dardaarmo inanka loo samafalo. Wuxuuna Sayidku yiri:

Maantii isaayuhu dhacee, dunidu aafowday
Maantuu Ogaadeen sidii obo, i boobaayey
Maantuu adduunkaygii dhacay, ariyo geeliiba

Maantay Cabbaas1 ku ajaleen, awlixii waranka
Maantii Iblayskii Iljeex2, na ibtilaynaayey
Idilkiiba Subayr maalintuu, oboda ii dhiibay

Maantaan islaan iga naxiyo, ehel xigaal waayey
Arbow Ina-Garaad Yuusuf3, baa aanadey galaye
Waatuu akhbaartii i yiri, aaminka ahayde

Waa tuu isagu iiga degay, ooglihii farase
Inkastoo amxaaro u kacee, ferenji aanaystay
Usaga iyo ubadkuu dhalayba, waw abaal gudiye

Maruun baan amah bixi, haddaan iilka lay dhigine
Markuu roob onkodo baan lahaa, ilindidow geeye
Aroos iyo waxaan rari lahaa, awra jeexya lehe
Waxaan omoska sii marin lahaa, xamarro oog dheere

Usna manta keer soo ambaday, inankii weeyaane
Sidii aabbihiis oo kalaa, laga idaayaaye
Wuxuu iila ekoon yahay midaan, ina illaawayne

Alaakoodsha oo wiilku, yuu agab la’aan sheegan
Afka wuxuu ka dooniyo, wuxuu uur ka rabo siiya
Ninkii loo ixsaan falahayaba, iniq u dheereeya.

  1. Aw-Cabbaas: Wuxuu ka mid ahaa kooxdii Sayid Maxamad Maka u raacday, kadib Darwiis buu noqday waxaana lagu dilay Gurdumi.
  2. Iljeex: Xuseen Yuusuf Xirsi, wuxuu ka mid ahaa shirqoolkii Gurdumi raggii abaabulay.
  3. Ina-Garaad Yuusuf: Garaad Cabdi Garaad Yuusuf, waa ninkii Sayidka u digay shirqoolki Gurdumi.

Ogaadeen Haddaan Ahay

Cali Aaden oo ku magic dheeraa Cali-Dhuux, kana mid ahaa raggii inta Daraawiish ka tegay ka soo horjeestay oo had iyo jeer Sayid Maxamad ay is warmayn jireen, gabayo cay iyo aflagaado ahna isu marin jireen, ayaa Sayidka gabay cay iyo diradiro ah u soo mariyey. Gabaygaa halkudhiggiisu wuxuu ahaa “B”.

Allahu akbar eedaanku waa, kaa afkiyo beene
Ashahaaday gaalkubase waa, ehelunaarkiiye
Ubbo-weesta waa kugu arkaa, agab salaaddeede
Asaxaabihii-olol ku dhace, wow abtiriyaaye
Hadduu uurka kaa jiro wardigu, kaama orodneene
Abtiyaaladaa iyo ku nacee, ururki reer Kheyre
Arbrow Jaamac iyo Aaden iyo, Oogle ka tage’e
Waxaan uubateeyaha tolkay, oodda soo jabiye
Axmaqyahow kuwaad ku amranayd, idinka maaheyne
Waa uur gaslow Aaden-Dhagax, odoyadaadiiye
Abtirsiinyadaa waxay gashaa, eyda reer Xamare.

Mar kale Cali-Dhuux isagoo isku diraaya Sayidka iyo Cali-Geri oo ahaa nimanki dariiqada iyo jahaadka diirka u ahaa, wuxuu yiri:

Arxan nimaan u gelihaynin oo, ina Ogaadeena
Aabowda uun bay hayaan, kii arsaa’ilaye

Sayidku wuxuu ahaa afmaal aan hadal laga badin, gabyaa maansada aan lagaga daba dhufan, isagoo hadaladaas Cali-Dhuux ka jawaabayana wuxuu yiri:

Aw Yuusufoow erey yar baan, ku erganaayaaye
Hadduu Eebbahay kuu idmaad, ururta weyn gaadho
Ikhwaanoow adkee xaajadaan, kugu ammaanaystey

Ku ansaxi halkii aan ku iri, aadna ugu fiirso
Gurraasiyo Iljeex iyo u sheeg, nimanka Iiddoora
Ogaadeen haddaan ahay dad wow, amar korreeyaaye

Oo ubaxa baarkaan ihiyo, awrta Haashima e
Abtirsiinydey waxay gashaa, odoyo waaweyne
Halkaan uga arooraana waa, odaga Daaroode

Rasuulkii udgoonaa waa, ina-adeerkay e
Sayidkii Axmed ahaana way, awow ruma e
Ibraahim-Rashiid1 aabbahay, odagi weeyaane

Asaxaabihii oo dhan baan, ehel waddagnaaye
Hadba anigu qoyskaan ahaa, loo irkanayaaye
Nin Amxaara mooyee intii, edge adduun joogta

Islaameedku wuxuu ii yaqaan, ehelu-kheyrkiiye
Aakhiro albaabbada jannaan, agabsanayaaye
Adiguna abbaanow midgaan, uraya saw miihid?
Saw kii Ilaahay necee, eyga qalay miihid?

*Waxaan ka qoray Obbokor Seed sanadkii 1972kii.

  1. Ibraahim-Rashiid: Waa sheikh ka mid ahaa madaxa dariiqada Axmadiya.

Cali-Geri Aboodiga ku Lalay

Markuu gembigii iyo jihaadkii galay degmooyinkii faraha badnaa ee Ciid iyo Hawd fadhiyi jirey oo tuurihii geela lagu dhaqaalayn jirey cidla iyo waaqla noqdeen, ayaa Sayidkii ka tiiraanyoodey, dabadeedna gabey buu mariyey, wuxuuna ku tilmaamay sida dhulkaasi jeer hore ahaan jirey iyo siduu maalintaa ahaa.

Afka bari ishaa bogox intii, arar Nugaaleeda1
Iliilaha bannaan iyo intii, edegga ciideeda2
Axad kagama sii harin wixii, uduba oo yiile

Caligeri aboodig ku lalay, abax ka sooryooye
Iqliil weeye madhan qayradii, oomanta ahayde
Afar iyo afqaaqlaa ku dhacay, araxya weyntiiye

Ifku kama balbalo tuurihii, oollinka ahaaye
Meeshuu aboornimo fadhiyey, laga alaab qaadye

Hawdkii ugbaadsaday, horweyn kuma ilaashaane
Uma ooho geeyaan markii, aarankii lumo e
Shisheeyaha araarimaha yaal, kuma ugaayane

Eegida horjooguhu cishaha, sooma oriyaane
Xeryo gaallo la isaga ag dhigay, uma adkeeyaane
Irridaha markii aasku dumo, kuma afuufaane

Ibdarta iyo dhowtada ratiban, ugar ma siiyaane
Ardaayada golaa kala rogrogan, uma asteeyaane
Uleexida haleelada tircayn, il uma gooyaane

Aarsaydha oonyaha gudgude, ubuc dugaag jeexa
Ilka horror abeesada qallici, halaq uraa leeb ah
Ulbistuur anaaniga dayaca, alaba jeerraanta

Eynfaadka baadida tagtow, adadac buubaalka
Abid maqan intaha raadiskay, axal ka duugoowdey
Akhbaar raadis urur naadinteed, idan ku yaahaynta

Ambaqaadka taa uma ekeyn, aniga hay saarin
Summad awdka sawraca ankari, eedda iyo dhaarta
Asaraarka eexada danbiga, shiru aguugeynta

Guudaan amnaca shiil armaca, luqun inaatowga
Inqiis naas ah iin cararjidow, gudur ufaayowga
Ubad jaalla ahaan baaqatiyo, dhicis ammuurayska

Ammaankow gandood eel ragaad, arami naafowga
Ammaanguud anaashiga dhukaan, axadh xaraarowga
Uhda dhugato roor, ababa’leyn, ol iyo geegaarka

Alleqabe kud eertaa qadhqadhi, shilin aseebaaga
Aafaa samaawiga Allow, naga ammaanayso
Aammiin ma buuraan intay, duco allifaane

Kuma aduurdhabaan baarqabbadu, abasaxeeddiiye
Shimbiruhu markuu doob onkodo, ma awanayaane
Abeerrada tifrimay goojadii, lama ammaaraane

Qorraxdoo abbaar le’eg markii, oodda laga jiido
Kolkii kuraygu eyrada hayey, kala aqoolmayso
Ulaha uma boobaan intay, tiro abyoodaane

Kobtii shalay irmaanku ugu baxay, aladii fooca
Arbaxaale3 goortay tagtoo, aayaddeed dheregto
Aamminkii la baraqmaali jirey, ma arrumaayaane

Eydaarteeda oo fool la dhici, ma antaweershaane
Goortay ummuliyaan murkaha, kama abeeyaane
Abur xoor leh kama soo lisaan, ibagaleenkiiye

Masaakiinta agaheeda tuban, ma ajareystaane
Unuun uma jaraan qaalmihii, eydinka ahaaye
Cayuuntaan ilmaha loo dhigayn, kama uneexaane

Waxay abaxa goysaba markay, ohin carraabyso
Afdhuubyaalaheedii durduro, ma ambaqaadaane
Sidii ay iblays tahay xuruun, ma umbulleeyaane

Jiilaal aleel ka cad hadday, acabtin doonayso
Markay uudka kore laasatiyo, abaqa baarkiisa
Iyadoo idiin ka cas markay, oon la soo degato

Intay yeel aslaan ceelashii, uma aroorshaane
Awaaliinka kama soo shubaan, ilaha Caymeede4
Alalaaska heestii darkii, kuma olkeeyaane

Awr qaada iyo gool ahmiya, ma aldaxaayaane
Abidkoodba kama sooryadaan, alaxa caanoode
Niman baa uquun kagala tegey, ilindiddoodiiye

Eebyaha ma soo rogan markii, ibilku tuuraye
Anaa eegiyey dhicin lahaa, idam Ilahaye
Wax arsaa’iilkood galay markay, ferenji aadeene.

*Waxaan ka soo guuriyay Xareed Duubi Deero.

  1. Nugaal: Waa waadi dherer iyo ballaarba leh oo Cayn iyo Saraar ka soo rogmada, xeebta Aylna badda Hindiya kaga dara.
  2. Ciid: Waa dhulka ciidda guduudan leh ee oomanaha u badan.
  3. Arbaxaale: Waa balli xoolaha u fiican oo Buuhooddle geesta Hawd galbeed ka xiga.
  4. Ilaha Caymeed: Wuxuu u jeedaa togagga ama faraha ama ilaha ceelka Caynaba dhinaca hawd ka xiga oo geelu jiilaalkii ka soo arooro.

Warka Badaha Laga Keenayo

Dagaalkii Jidbaalle ee Daraawiish lagu jabiyay markuu dhacay ka dib ayaa dadkii cadowga u ahaa ku digtay oo waxaa lagu billaabay xumo iyo waxkasheeg aan sal iyo baar lahayn. Taas waxaa keenay markii Daraawiish towsi ka muuqatay col iyo gaadde midna wax ka soo baxa laga waayey.

Usagoo Sayid Maxamad doonaya in la rogaal celiyo oo dagaalkii Jidbaalle Ingiriis laga aargoosto, ayuu olole iyo guubaabo kula dhex dhacay Daraawiish si duullaan loo humo, dagaalna loogu kiciyo Ingiriis iyo kuwa u adeega, wuxuuna Sayidku yiri:

Wararka badaha laga keenayee, beeshu ii warisay
Ee boonta Habaryoonis iyo, bogox ka soo dhoofay
Oo aniga bari iigu yimi, waan ka buubsanahay
Wax bishaara helaa waa ninkuu, beejey gacalkiise
Baar sare ninkii aan ka dhalan, baahi baa diliye
Wax baylahdaa iigu wacan, waa badeen xumo e
Daraawiish ninkii bili u falay, waw badawnimo e
Siday boqorradii uga lumeen, biin cad baa haraye
Buruud luguma oga wiilashaa, baacin laafyaha e
Bilcaan dumara baha dhowra oo, wada baraaraysan
Aqal bilic leh oo lagu bayiday, baarro iyo xeero
Barni iyo bariis iyo xalwiyo, budo la iidaamay
Bilcooshaan xariiriyo baftiyo, khayli baro weynle
Sange buuran bari dhowr casoo, bulushku laadlaado
Bilbilaha maqaanaha sitaac, shaalka laga buuxshay
Baqas ariya boqollaalka geel, baarqab iyo goolal
Baqar lo’ ah banaaxiga gugii, bayddi iyo raaxo
Barwaaqada adduunyada ah bay, barako moodeene
Baabkii Ilaah iyo sharcigii, laga baxaayowye
Burco Laaran1 buu tegi, ninkaad beri u yeedhaaye
Nin waliba sidii baadi geel, naga banjoogowye
Ballanfure kuwii aan lahaa, boowayaashaya e
Burris bay ahayd dhaar waxay, boholo jeexeene
Wixii ay billaahida mareen, beenshe taladiiye
Qaylada bayaankaa haddii, buunka lagu yeersho
Birmadkii la soo yaaci jiray, haatan laga baadye
Waxa baaqa lagu diidaya, waa baraad li’iye
Aarkuba wuxuu balacsadaa, boodda ka horowe
Bakowyada intay looshadaan, beri ma doontaane
Nimankii banaaggoodi jaray, baafin ma hayaane
Raga haatan baashaali waw, baraq nugaylkoode
Baasaha colaadeed haddii, belel ku qiiqaabo
Banaadiiqda nimankii la dhacay, beegsan ma hayaane
Sidii ari bulaad galay raggii, buuradk u jiifay
Baqalyuhu ragguu cunahayee, boobay hilibkiisa
Marna kama biriiryaabayaan, baalcaddii shalaye
Buuhabuuhadii laga tegiyo, babul-kicintiiye
Booley ahayd faan waxay, bedertamayeene
Goortii loo bareeray ciyow, balow yiraahdaane
Anigaaba baaloon hayee, baarax baa dhacaye
Waa baydad nimankii la dhigay, Buura dhinacoode
Baqahii Jidbaallaa2 ka dhigay, baali caana lehe
Nimanyahow si baas baa qalbigu, ii balbalayaaye
Sidaan bariidaad cunaa wadnuhu, way bugleeyahaye
Badankayga waxa saas u galay, boohin iyo ciile
Buska wax igu riday gaaladii, balagta dheerayde
Wuxuu beerku ii ruxan raggay, baga u laayeene
Waakaa waraabuhu ka bogan, burunjidaydiiye
Raggii aniga ii burin lahaa, waa bud aakhiro e
Eebbow baqdhoos ba haraan, biidna tarahayne
Bulge iyo waxaa ii arrimin, buqulkii3 gaabnaaye
Eebbow birtaan rabin sidii, beydaroo kale e
Eebbow berriyo saaddambaan, bixitamaayaaye
Eebbow waxaan sii biglayn, biliqda deyreede
Eebbow boqoolaannu nahay, aniyo Boodeyse4
Eebbow Burciyo5 Looyo6 waa, beled amxaaraade
Eebbow barqaan mari karaa, Beeratiyo7 Siige8
Eebbow xaqaygii bulmaan, baafinhayaaye
Eebbow ba’naan kuma jiriyo, baaddil iyo qooqe
Eebbow biddaha ii horee, baqalka Iiddoore.

*Waxaan ka qoray Darwiishka la oron jiray Cabdi-Yaar, Cali Guuleed 1955.

  1. Gaal Ingiriis ah oo Burca xukumi jiray.
  2. Jidbaalle: Waa goobtii shanaad ee Daraawiish iyo Ingiriis dhex martay 1904, waxayna ka dhacday dhooddida Nugaaleed bartamaheeda meel Laascaanood waqooyi ka xigta.
  3. Ibraahim Buqul: Wuxuu ahaa la taliyaha Sayidka, ammaanduulaha ciidamada Daraawiishta. Waxaa lagu dilay Bixin (Garoowe) 1919, waxaana dilay ciidamadii Ingiriiska.
  4. Boodeys: Waa faras ka mid ahaa fardaha Sayidka u gaarka ahaa.
  5. Burco: Waagii hore waxay ahaan jirtay ceel xooluhu ka cabbaan, haddana waa magaalamadaxda gobolka Togdheer, waxaa la abuuray 1910.
  6. Looyo: Waa meel u dhexeysa Burco iyo Shiikh.
  7. Beerato: Waxay u dhexeysaa Oodweyne iyo Burco.
  8. Siig: Waa ceel u dhexeeya Mandheera iyo Cadaadley.

Awel Maanso Waataan Balfay

Guyaashii Darwiishi deganayd xeebahaas Ilig iyo Ayl, ayey aad iyo aad u xoogaysteen hub iyo maana ka hodmeen, haybad iyo buruudna Eebbe hibo uga dhigay.

Kolkaasna Soomaalidii ka soo horjeedday iyo gumaysigii la dirirayeyba waxay jeclaysteen waanwaan nabadeed inay la yeeshaan dabadeedna si fiican ula heshiiyaan. Sidaas daraadeed Ingiriisku wuxuu u soo diray boqollaal ratio o safar ah, si xiriir ganacsi uga dhex beermo iyaga iyo Daraawiish. Talyaaniguna wuxuu siiyey dab badan oo buntukhii shanlaha ahaa ka mid yahay. Hase ahaatee Soomaalidii markaas geeska ka ahayd duullaamo badan bay Daraawiish ku soo bixiyeen, dhowr goorna xarunta ayay soo weerareen , Darwiishina gaashaankay u qabatay, six un bay u jebiyeen oo guul iyo libin ayay dagaalkii ka gaareen.

Isagoo Sayidku ka faalloonaya gargaarkaas Ilaahay siiyey, biliga iyo buruudka Daraawiish loo yeelay, ayuu gabay mariyey, wuxuu yiri:

Awal maanso waataan balfoo, beylahshoo nacaye
Waataan bidcaystoo ka dhigay, buurigoo kale e
Aan booyaamo xalay baa huradada, layla baashiraye
Ba’dana aan ku dhigo waanigii, buuni ku ahaaye
Barqiyo raacad waxay galaan, badhaha Nowriise1
Barkadaha ballaqan iyo ballida, aan buux dhaafsho
Aan butaaco sida karadha waa, bu’ashaydiiye
Aan biyeeyo togaggiyo halkii, bohola oo jeexan
Buurtiyo hannaankaba cagaar, baad aan kaga yeelo
Afartaa bojaye balaan mid kale, baabka ka higaadsho
Halkey bededi laabtaydu aan, biifka ka caddeeyo
Baaljiid rag waw daranyahaye, bayr aan ugu yeelo
Baaruddiyo rasaastiyo madfaca, bow aan kaga siiyo
Aan bulxamo sidii badaha oo, baxarku qiiqaabay
Aan balbalo sidii beerta oo, baalka roganeysa
Baabuurka aan dhoofsho waa, bixitamayaaye
Aan bandiiraddiyo calanka iyo, bayraqa u taago
Bishaarooyinkii Eebbahay baarax, aan u sheego
Bugtii hore hadduu uumiyuhu, baaddil nagu maagay
Bilis iyo nafloo idil haddii, laysu wada bayray
Baabkii shareecada haddii, loo bushima tuuray
Boqol jeer rogaal iyo hadday, buufiyaay noqotay
Bufka waxaa wadhnaa waa kufriga, boqorradiisiiye
Banaatiikhda waataan ka helnay, badane noo taale
Bili nimaan lahayn baan xarbada, biid ka tarihayne
Buruudkii astaadkeennu2 waa, biraan la laafayne
Waxa baalka dheer noogu wacan, Baraka diimeede
Ingiriisku waa baahaaqaad, baadda noo wada e
Bullaxaar3 waxaa nooga yimid, moosin loo bogo e
Talyanna soo baxyoo haatan waa, baha Daraawiishe
Boontii Majeerteen ahayd, baabbah laga yeelye
Waataa waraabuhu ka bogan, burunjidoodiiye
Buuryada waxaa looga jaray, waa badownimo e
Bahdirtii xaglaa dabecsanayd, hawdyihii jabane
Baadariyadii laga idlee, balagta dheeraaye
Baqalyuhuu kuwuu diirtay baan, looga bi’ihayne
Bile4 iyo Shuxle5 iyo Yuusuf6 waa, baadi aakhiro e
Baduuggaa berraa laga samayn, nimanka Baargaale7
Bi’idnillaahi Boosaaso8 waa, belelin doonnaaye
Keenadiid9 bitikhan wawsagii, gaasku baatulaye
Wax balaayadaas loogu dhigay, baaqulhadalkiiye
Baraxley10 sidii loo makalay, boohin ku abaadye
Ina-Diinle11 baasaha ka dhacay, bari u naaftowye
Waa buurriyaan socodka oo, boqontu waa kaw e
Tolow badarka noo daaya bay, nagu baryaayaane
Ciisihii badaawida ahaa, buulna laga waaye
Burco12 wuxuu la tegey gaajo iyo, boohin iyo cayre
Mahad lagu bogsoo bahalihii, baabusha lahaaye
Buubaale nimankii futada, beyga ku leeyahaye
Markii buunka lagu yeeriyey, bogox u yaaceene
Waxa balaslahoodii ka dhacay, beled amxaaraade
Ogaadeen Bullaaliyo13 ka carar, baqaskii Doolloode14
Buncaddaha Turey15 laguma ogaa, jees ku baaqiya e
Qorraxey16 horweyn kama balxado, bilaha jiilaale
Reer Subayr bidhaan laga idlee, badina loo laaye
Beyley ma maalaan intay, bidhe u qaataane
Barqinkiyo harkii kama dhammaan, balaqdii caanoode.

*Waxaan ka qoray Gallaydh Cabdi Ismaaciil.

  1. Nowriis: Dabshidka.
  2. Astaadka: Waa Sayidka ama Shiikh Maxamad Saalax oo dariiqada saalixiya madax u ahaa, Sayidkana sheikh ua ahaa.
  3. Bullaxaar: Waa magaalo fil weyn oo ku taalla meel u dhexeysa xeebta Berbera iyo Seylac.
  4. Bile: Bile Samatar Cismaan wuxuu ahaa boqor Cismaan ina-adeerkiis.
  5. Shuxle: Shuxle Yuusuf Cismaan.
  6. Yuusuf: Yuusuf Samatar Cismaan.
  7. Baargaal: Waa magaalo ku taal xeebta koonfurta Raas Gardafuy, waxay ahaan jirtay xaruntii boqor Cismaan.
  8. Boosaaso: Waa magaalo ku taal xeebta badyarada Cadmeed, waana xarunta gobolka Bari.
  9. Keenadiid: Suldaan Yuusuf Cali Maxamuud.
  10. Baraxley: Waa daw biyo leh oo magaalada Gaalkacyo xaafaddeeda koonfur-bari xiga ku taal.
  11. Ina-Diinle: Waa ceel Hobyo geeska waqooyi ka xiga, waxaa ka dhacday goob xun oo dhex martay Daraawiish iyo ciidamadii Cali Yuusuf Keenadiid.
  12. Burco: Waagii hore waxay ahaan jirtay ceel xooluhu ka cabbaan, haddana waa magaalamadaxda gobolka Togdheer, waxaa la abuuray 1910.
  13. Bullaale: Waa ceel caan ah oo ku yaal toga Jiiradeed oo Dhagaxbuur u jira 90 kiilomitir, kana xiga dhinaca waqooyi.
  14. Doollo: Waa todobada ceel ee Wardheer, Walwaal, Waafdhuug, Afyaraado, Uubataale, Garloogube, iyo Yucub.
  15. Turey: Ban diiran oo beerfalashada ku fiican una dhexeeya Qabridaharre iyo webi Shabeelle.
  16. Qorraxey: Waa tog weyn oo kala dhex mara laba ban.

Baqalka Kuugu Soo Diray

Guyaashii  Daraawiish tiirkeeda adkaaday, ololaheedana calan walleynaayey oo dadna u kala miirmay nin gaalada xaggeeda ka soo jeeda iyo nin waran iyo gaashaan qaatay oo gaalada hortaagan iyo nin aan labada geesood midna raacin oo gegi dhexe iska jooga oo ishaafalateynaaya, ayaa nin gabyaa ah oo magaciisa la oron jiray Aaden Axmed Dubbe oo degganaa buuraha Ceerigaabo iyo afafkooda gabay mariyey, gabaygaa oo uu kaga gilgilanaayey hadallo Sayidku isagoon dad kala soocin gaalo dad badan ku sheegay, gaar ahaan degmada Aaden Axmed Dubbe ka mjd yahay. Wuxuu yiri Aaden:

(T)

Dariiqada Axmediyaannu nahay, eheladeediiye
Afkana kama dhignoo jamacaan, idilkii haynaaye
Umuuru diinka waxaan raacsannahay, Nebi Ibraahiine
Gaalada ninkii nagu ismaa, waanu na aqoone
Ishaa Allaahu aakhiraba ways, ku arki doonnaaye

Sayidkii markuu maqlay gabaygaas wuxuu hubsaday ninkaa iyo lillaahinimadiisa iyo inuu yahay nin diin iyo iimaan leh, waxgaradna ah. Dabadeed wuxuu u diray baqal hadiyad ah iyo rag ergo ah iyo masafadan, wuxuu Sayidku hadal ugu gabagabeeyey waxtar iyo waxsiin haddaad doonayso xarunta kaalay, wuxuuna Sayidku yiri:

Ragga bixitamaayow, bela laga xijaabyow
Ayaantaad bad beeddaan, Aadan1 wayga baab mida
Bishaaradu ha gartee, bayin waxow tiraahdaan
Sagaal halaan ku bari baan, baqalka kuugu soo diray
Warsangeliga beyree, ballankii Ilaah furay
Bidcafalaha nagu yiri, xaajada baddaalka ah
Ee baara weynow cawar, beydka ugu galay
Iyagiyo berberigu, baha gaalo weeyoo
Baayacaadda Cadameed, Ibleys bawgu baaqoo
Boqorka uu guddoonshaa, Bastaloosi2 weeyoo
Badaawida xujoowdaa, adiguba u baantaye
Waadiga biddoodkiyo, boonlaha ku sheegaye
Baraara Alla-yeelyow, adigaa I beejaye
Beddel inaad ka dhigataan, baqalka kuugu soo diray!
Marna baad aan leeyahay, bilna kuuma imannine
Biya aan ku siiyana, bushimaa ma saarine
In kaley buleysaye, adigu beer ma dubannine
Bismillee bilowgaan, baqalka kuugu soo dirayee!
Baashiga abaareed hadday, beeshu geeddido
Boqoolaa harsimadii, haddii budulka lagu dhaco
Buska inaad ka fuushaan, baqalka kuugu soo diraye!
Haddii aad bannaankiyo, bocoodaha ka guurtaan
Ee baallaheediyo, barqa-maalle lagu furo
Buurta inuu ku koriyaan, baqalka kuugu soo diray!
Cidahoo barwaaqaa, berisamaha dooggii
Barqagaarka reeraha, baashaarka gobannimo
Dantaa inaad ku bogotaan, baqalka kuugu soo diray
Haddaad baadi doon tahay, beydaalis xoolaad
Aadan bananka dheeriyo, beri kale u saafurin
Barax inaad ku rarataan, baqalka kuugu soo diray
Haddii bogox col loo waco, waa beled amxaaree
In kastoo buufis lagu wado, bigifsiga ma daayee
Kufri inaad ku boobtaan, baqalka kuugu soo diray
Nin wadaad basariyana, barakaa ka raacda e
Anna waan u baahnahay, ducaad igu bantookhdoo
Inaan kheyr baalleeyaan, baqalka kuugu soo diray
Bacdigeedna aakhiro, bacaskiyoo kulaylkii
Bancaddaha qiyaamaha, sida bilig billaac yiri
Baalal inaan ka yeeshaan, baqalka kuugu soo diray
Bojayoo sagaalkii, biidna kama aan dhaafinee
Bigi iguma laabnoo, waa iga bashuuqdee
Big yaroo kaleetaan, badin maayo ku sii dari
Dad nin bela sameeyiyo, burge lagama waayee
Buuryaqabyo xaasidi, bakhayl hadday I moodaan
Oo baaniyaal dhaho, bal dayooy wuxuu wado
Hadalkaa bishaacaa, iyagaa ku ba’ayoo
Adduun baafis inaan ahay, burhaan looma helayee
Buubsi waxaan ku taabiyo, boolina ma haystoo
Kolay neef barkina tahay, baas lagaga qaadoo
Muslin waxaan ka buurtana, baqti buuba iga yahay
Been inaanan sheegayna, waa igu billaahoo
Boqol halaadoo aan bixiyaa, beesad ilama dhaantoo
Wixii laysku bededana, barashaa ka fiicane
Haddaad baaha doon tahay, berri adigu ii imow
Haddii kalase booskaa, yaan bahalku kaa dilin.

*Waxaan ka qoray Aw Axmed Aaden Surgo’.

  1. Aaden Axmed Dubbe: Wuxuu ku noolaan jiray degmada Ceerigaabo, wuxuuna ahaa gabyaa caan ah oo la tixgeliyo.
  2. Bestaloosa (Bestalozza): Wuxuu ahaa danjire Talyaaniga u fadhin jiray Cadan jeerkii dagaalladu ka dhex socdeen Daraawiishta iyo gumeysiga, wuxuu wakiil ka ahaa Afrikada bari, gaar ahaan xeebaha Soomaaliya iyo Sinjibaar. Wuxuu kaloo ahaa ninkii uga qeyb galay Talyaaniga, Ingiriiska iyo Xabashida heshiiskii Ilig.

Gabayxoog

Aaden Axmed Dubbe (Gabeyxoog) markuu baqalkii Sayidku u soo diray guddoomay, masafadiina loo mariyey, wuxuu u diray gabaygaan:

(J)

Awal maanso waataan dabroo, daayey waayaha e
Ka da’ weyni daandaansi iyo, diradireyntiiye
Waa layga wada doonayaa, doogsintaan baraye
Aan daleeyo caawana qalbigu, way dikriyaaye
Deggane Maxamadow waxaynu nahay, ul iyo diirkeede
Dadka kale ha joogo ee adaan, iga digtoonayne
Raggiinnii Dariiqada ka yimid, durug warkiisiiye
Dunjigiisba waan wada jeclaa, degaha reer Nuure
Wixii duub leh deris baannu nahay, iyo Daraawiishe
Sayid Maxamed doodduu i yiri iyo, daabbadda uu keenay
Waa ii soo duceeyaye Allow, derajadiis raaji
Midna waqaan Ilaah ugu darraan, labada daaroode
Muslin oo dhan baa diiq ku jiray, jeeruu daahiraye
Awliyada duushuu carshiga, kula dakeeyaaye
Ninba wuxuu debnaa ugu hayiyo, daarka iyo laabta
Danniguu gartaa waxa qalbiga, kaga dahsoonaaye
Kun halaad nin subax soo didshoo, duul u yimid siiyey
Oo aanay duntaa iyo la noqon, dibi la loogaayo
Deeq nin ugu faanaa ma jiro, Dir iyo Daaroode
Nin la diini kama soo if bixin, duniyadeenneere
Dirid ferenji baa ugu badnaa, dab iyo baaruude
Isagiiba dabaq buu ku riday, duhur dharaareede
Dabar iyo hoggaan buu ku xiray, duluflahoodiiye
Dangaaradii bay dhegihii, wada dillaceene
Dogoble iyo ka kici ceelashay, wada degmaysteene
Burco kama dabbaaldego wixii, dabada gaabnaaye
Nimankuu la soo duulayoo, dab iyo reer siiyay
Diintii ka saar oo hadday, wada dulloobeene
Doofaarradaasaa jihaad, lagu dayaayaaye
Dadoow dirira loo kala dillaac, labada daamoode
Afartaa da’da intaan ku dhigay, daw ma ku hagaajay
Ma daliil dhaqsaday sida wadaad, deelka ka higaadshay
Dig ma yeershay sida danab cir dhacay, ama gu’ duulduulay
Duufaan ma soo riday sidii, diiqalyada xoomir
Ma dalleeyay sidii doonyahoo, qalamigii duubay
Shiraacaan farmaanka ugu xiray, dakhalka maw buuxshay
Deebaanka ma u soo qabtoo, maw dabeel raacshay
Warsangeli Dariiqii ka beyr, daahirtii nebiye
Sayid Maxamed deeqduu baxshey, bilo ku doogeene
Waxa dararta laga maalayaa, deebluhuu dhaqaye
Waa niman diihaal lagu korshiyo, gaalo daallima e
Dadna waxay ka doorteen kufriga, inay dillaalaane
Ha lagu duulo nimankaasi waa, debendobyoobeene.

Bogadaawad

Niman badan oo Warsangeli ah oo Maxamuud Cali Shire madax u yahay ayaa Sayidku siiyey xoolo fara badan oo isugu jiray geel, fardo iyo ari, dabadeed is-afgaranwaa ayaa ka dhex dhacay oo waa ay kala boodeen. Dareenna waa kala galay. Dabadeed degmadii Maxamuud Cali Shire madaxa u ahaa habeen madow bay xaruntii ka guureen, waxayna tageen buuraha Calmadow oo Daraawiish waa ka ufoodeen, wax badan baa aftin iyo ergo loo diray, qaabulse lagama helin.

Daraawiish waxay guddoonsatay mar hadday ka tageen inay dadkii iyo duunyaday la tageen ka soo ceshadaan. Waxse isku gudbay oo fardihi u mari waayeen buurihii Caleed iyo togag aan laga tallaabi karin.

Daraawiishi waxay qabeen geela iyo fardaha ninna inaanu yeelan karin ee ay rag oo dhan ka dhexeeyaan, hase yeeshee xilligii gu’ga markay ahayd oo ay degmadii soo fedda-baxday ayaa Daraawiishi geeli gacanta ku dhigtay. Dabadeed ku digasho awgeed ayaa Sayidku gabaygan u mariyey, oo wuxuu yiri:

Bogadaawad waataan lahaa, bari ka soo dhiibe
Waataan bidhaan quruxsanay, soo hojooy iriye
Waataan baadi celiyoy lahaa, yeeyan baylihine
Barbar uga du’ waataan lahaa, buurta yey korine
Waataan banuu diid lahaa, yeeyan baalidine
Waataan bad kuma caymatee, soo barrooy idhiye
Boholyowga Hawd1 bay durduro, budulka raacdaye
Baliishii2 kaliileed tagataa, biliqda dayreede
Kobta ariga beeduhu degay, kor uga baadaaye
Banka waa ka carartaa sidii, gan iyo buubaale
Boqoolaa hadhkii bay sidii, badali roortaaye
Biciidkay ku darantaa sidii, bahal ugaareede
Bilcil faraq ku yaal bay tiqiin, baariga u saare
Hareeriga ka baxay foocyadey, baaca gelisaaye
Sida geriga beryaha ah bay, bucusha laacdaaye
Bilbilaha mareedh caraaley, baraqda daaqdaaye
Barqamaaga geryaha baxay, belegta gooysaaye
Caleen baacday tuurfaahistay, bulush cantuugtaaye
Bisiq hamasha buuniga dharjada, udug buuracowga
Burdad ubax leh baar iyo uneex, baqas ku fuuraaga
Buta waran barraajistay, balala qaaddaaye
Bakadaha iyo xiitoolahay, banan u raacdaaye
Burca toon leh bacad ciidle bay, bara hoyaaddaaye
Intaasay ku baayiri jirtoo, baashi ku ahayde
Baran mayso meeshaa degtaan, boqol alluu-naarye
Bog qalluudan beer godani waa, ba’iyo hoggeede
Ka soo bixiya waataan lahaa, balcaddii gubane
Jiilaal barraahsaday hadday, bila ku soo oonto
Badowlahada waataan lahaa, baara haw horine
Balxis geeya waataan lahaa, wey baduuxsamiye
Bilcataabihii iga xadaan, uga baqayaaye
Waataan baatriteedii lahaa, buurka yey tebine
Hal ma beddelo waataan lahaa, beeya-gurihiiye
Waataan ku iri hayga bixin, baarqab baa dhalaye
Ka bariiya waataan lahaa, baydda yuu jarine
Bushuma aan run lagu oron waa, lagu beloobaaye
Waataan bahdaa yey ku lumin, kuula baashiraye
Waataan bad baan kugula dhici, baane ku iriye
Bih-ina-Faatax biixida jabtaan, baani kabihayne
Awal bay badaawidu galeen, bohol Walwaaleede3
Macayeedna buufaamahay, badaha raaceene
Adigana baroor bay indhuhu, kula basaaseene
Bulxankeeda olol baa ka roon, adiyo beeggaaye
Haddaad haatan biixida wadheen, bag iyo haankiina.

*Waxaan ka soo guuriyey Soofe Durraan iyo Xaaji Maxamed Cawl Ileeye.

  1. Hawd: Waa dhul dhir badan oo u dhaxeeya Ciid iyo Nugaal.
  2. Ballishiil: Waa balli  Hawd dhexdii ah oo Buuhoodle koonfur-galbeed kaga toosan.
  3. Walwaal: Waa ceel toddobada ceel ee Doollo laysku yiraahdo bari u xiga, wuxuuna u dhexeeyaa Wardheer iyo Haraxagarrey. Waana ceelka ugu dawlis dheer dalka Soomaalida.

Ba’a e Yaw Sheega?

Nimankii taariikhda Daraawiisheed aqoonta dheer u lahaa waxay sheegeen, in 1905tii intii ka dambaysay, Daraawiishi dad iyo duunyaba sare u kacday, oo barwaaqo iyo baraare, baydi iyo raaxo heleen. Hase yeeshee niman la oron jiray Ararsame oo Hawd    galbeed fadhiyey ayaa Daraawiish far dheeraatay ku noqday Gabayo iyo geeraaro adiyad iyo aflagaaddo ah ayay ka deyn waayeen, dhac iyo duullaanna waa ugu dareen. Sayidku usagoo Daraawiish tusaaleynaaya nimankaa talada uu ka qabo, xikmad iyo murtina faallaynaaya ayuu gabaygaan mariyey, wuxuuna yiri:

Sange buuran oo baddalliyoo, gaadda balaxoobey
Oo aan biyiyo raaxo iyo, banaha caws waayin
Oo subag baqbeenaa la siin, bilaha jiilaalka
Meeshiyo baraarnimo hadduu, baadka miranaayo
Barwaaqadiyo geedaha hadduu, badhi ku laaqaayo
Baldhoolaha cagaarka leh hadduu, buro ku daaqaayo
Bus-ku-erida raacdada hadduu, buufis geli waayo
Sidii bagagi doora leh hadduu, bigigifluu rooro
Inaan bahalka laga soo xireyn, ba’a ee yow sheega?
Basar iyo wanaag haybadliyo, booddo iyo fuulmo
Beded iyo kebtityo raaxo iyo, buubsi iyo weerar
Inaan baqal fardaha gaarayn, ba’a ee yow sheega?
Hadday baatir geel kuu dhashoo, baaqimaad noqoto
Barooddada big caanood haddii, biidna laga waayo
In billaawe lagu soo xafsiin, ba’a ee yow sheega?
Lo’da beydideed waa hadday, baraq u joogtaaye
Barqamaha gugii baa xumbada, laga bursiiyaaye
Buqbuqoodka iyo ciirtu waa, beri samaagiiye
Boggan wuxuu insaarixin intuu, baarta cunayaaye
Jiilaal barraahsaday sacii, balafyey weyshiiye
Ninkii baqar lahaa waa hungee, ba’a ee yow sheega?
Dameer laba buqlood lagu raree, lagu baqoolsiiyay
Bukuuraha xun buu moodayaa, buur inuu silo ee
Inaan bacadle awr lala simayn, ba’a ee yow sheega?
Bakhaylkaan biriir yaabahayn, waa bakhtoo kale e
Marna haddaanu beydkiis nin yimid, barax u dhiibaynin
Buuryaqabka inaan loo tegayn, ba’a ee yow sheega?
Bahdii nimaan wax siinayn, hadday baahi kula roorto
Barakadiyo xoolaha haddii, beri la dhaafsiiyo
Inaan baraxna loo taagihayn, ba’a ee yow sheega?
Naagtii basariyaan Ilaah, barin wax xoogaana
In kastoo baftiyo khayli iyo, boqorro loo iibsho
Baalidu sidii habas hadday, boor ka kici weydo
Marna inaanay bilic yeelaneyn, ba’a ee yow sheega?
Culimada sidii baaniyaal, beledka gaalo joogta
Baabkii Allaa laga akhriyay, inay baloobeene
Inay balalka naartii ku kici, ba’a ee yow sheega?
Ninkii bala’da lagu yeeriyee, bayraq lagu duubay
Marna haddaanu bara aamin iyo, baahi geys noqonnin
Inaan boqorka loo deynahayn, ba’a ee yow sheega?
Bushimo aamusaa waxay helaan, inay bedbaadaane
Rag balaayo iyo ceeb ninkii, igula baayooda
Inaan baxarka moolkaa ku ridi, ba’a ee yow sheega?
Baalxaafka waxaa loo sitaa, beylah kaa maqane
Ninkii loo bukaan qabay hadduu, beeg uu dili waayo
Birtiisu ha jabtee inaan la rabin, ba’a ee yow sheega?
Runna nimaan ka beyreyn iblays, barale weeyaane
Buusuhu belaayiyo hadduu, been ka tegi waayo
Inaan dhagaha loo balalinayn, ba’a ee yow sheega?
Bogga laga mudyow fuluhu waa, baydada hayaaye
Goortuu bidhaan cadow arkuu, balow yiraahdaaye
Inaan melegga laga baajinayn, ba’a ee yow sheega?
Geesiga bacood lagu dhintaa, bili ka raacaaye
Abidkiisba baashuu ka galo, looga kala bayrye
Usaguna buruu leeyahaye, ba’a ee yow sheega?
Burgahaan wax tarahayn haddii, belelku qiiqaabo
Aan bayaadxumo deynahayn, baaqulliyo ceebta
Baasaha dagaal inuu ku lumi, ba’a ee yow sheega?
Ragii baadda loo gurahaye, boqolka loo keenay
Beejimada naagaha raggii, beydka loo geliyey
Baarada adduunkaa raggii, baqaska loo dhaanshay
Baashida raggii laga dhigee, beyda taagahayey
Big hadday yiraahdaan kuwii, sedada beegaayey
Ballankii Ilaah inuu ku dhici, ba’a ee yow sheega?
Ararsame bullada haygu tumo, baanisaha geede
Intuu burunjideydii la tago, hayska baar lulo e
Buluxiska iyo faanka waa, buli ishaalleeyee
Burjin xabaga oo geed ku yaal, baacu waw tegine
Biciidkii bulshada ay ka gala, beydaraa heliye
Inaan beylah laga waayahayn, ba’a ee yow sheega?
Haddeeyaan sidii beela raran, Xarunta soo buuxin
Ama aanay xaqay naga buleen, bixinnin oo keenin
Ama aanay Bangaal1 iyo Hindiya2, beled kaluu dhoofin
Baaruud3 la fuuliyo intaan, bulay taxaabaayo
Barakada Ilaahay haddaan, badi u noolaado
Inaan baarax nabadeed jireyn, ba’a ee yow sheega?

*Waxaan ka qoray Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon iyo Faarax Baqardhe.

  1. Bangaal: Waa gobol Hindiya geesteed ku yaal ama waa gobolkii Bakistaan ka go’ay ee la baxay Bangaaladesh.
  2. Hindiya: Wuxuu u jeedaa dalka Hindiya oo ay Soomaalidu waagii hore aad ugu dhoofi jirtey.
  3. Baaruud: Waa faras magacii.

Tebiya oo Geeya

Xarunta Daraawiishta oo ku taal dooxada la yiraahdo Cadadheero, geeli iyo xoolihiina Nugaal gudaheeda fadhiyaan oo ay Daraawiishina ku xeeran tahay ayaa col xooladdoon ah Bile Samatar Cismaanna madax u yahay, kana soo duulay Bari iyo boqor Cismaan soo kor fariisteen. Dabadeed niman korjooge ahaa oo Daraawiisha ayaa colkii arkay, markiisna ka soo digey. Subixii dambe Daraawiish oo ciidansatay iyo colkii oo weerar ah ayaa is helay, halkaas waxaa lagu wiiqay ciidankii Bile, isagiina waa la qabtay. Sayidku gabay gaaban oo uu arrintaas ka mariyey, wuxuuna ku yiri:

Inaan Bile1 tagoogaha ka xiray, tebiya oo geeya
Inuu xaarka taallada ka dhigay, tebiya oo geeya
Inaad gaalo taag daran tihiin, tebiya oo geeya
Labamaarre2 inuu tiirsan yahay, tebiya oo geeya
Shanle-Dheere3 inuusan wax tarayn, tebiya oo geeya
Cabdirixiin inuusan tol helin, tebiya oo geeya
Daraawiishi inaysan turayn, tebiya oo geeya
In Astaadku tiir dhaaban yahay, tebiya oo geeya

*Wuxuu ahaa bawsi.

  1. Bile: Bile Samatar Cismaan lama dilin waase al xiray.
  2. Labamaarre: Waa buntuq yeer weyn oo Daraawiishi aad u haystay.
  3. Shanla-Dheere: Waa buntuq shan xabbadoole ah oo Talyaanigu boqor Cismaan hadiyad ugu keenay si uu Daraawiish isaga celiyo.

Xuseenow Tabtaan Ahay

Gabaygan ta’da ah gugii la mariyey iyo ujeeddadii loo mariyey midna wax si fiican noogu tafaftira Daraawiish kama helin, wuxuuse na tusaaleynaayaa in Taleex lagu tiriyey, ujeeddadiisuna ahayd faallada adduunka iyo dadku wuxuu ku kacaayey markaas. Waxaa laga garanaayaa tiiraanyo, caloolxumo iyo tahara ceeriin oo Sayidka kaga yimid xagga Soomaalida. Mana dhamma sida gaadaalkiisa dambe laga garan karo. Wuxuuna Sayidku yiri:

Xuseenow tabtaan ahay haddaad, tu iga weydiisay
Tiiraanyadeydaa ku dili, tabada’eediiye
Maandhow wax lama taaqsade, toobso hadalkayga
Tixdoo keliya talo looma filo, taawada adduune
Tammadkii wax lagu iibadaan, taabud noqonayne
Tumun ribixa adigoo helaa, tiilku kaa dhiciye
Tabaalaha adduun baa ka badan, timaha xaadeede
Toogada dhibaatee laga qabo, tarabka weeyaane
Ragba towsta waa kula qabaa, taaha urugeede
Wax la taabay tacab baaqday waa, tarantar seeraare
Taageerka sicir baa ku iman, teelgaraafyada e
Waxa taarka lagu soo waddayn, wa tis kuu qorone
Tu’i weeye aan jirin hawada, tararaxeediiye
In kastaad arlada taakisoo, tahan fogeysiiso
Tubtii Eebbahay kugu wadaan, tigin ku dhaafayne
Turgi xoog leh adigoo ah bay, tahartu heedhaaye
Tayrshuhu mar buu reydabaa, taagabtuu yahaye
Maruun baa tijaaltii lugtii, turunturrootaaye
Taysuhu mar buu kaa guraa, teelka caanuuye
Tuurimaha geela mar baad, tuludna weydaaye
Maruun baad tirsaaskii hunguri, tigidhku rooraayee
Liishaanka toogta ah marbaad, tumul la weydaaye
Tuuryadu marbay leexataa, taakaleel tahaye
Maruun baa tumaatiga warmuhu, turuqa seegaane
Geesigii tilmaanna mar baa, fulay u tookhaaye
Nin tabiinno kuu guri jiraa, kuu taltaal noqone
Nimaan adiga kugu toosin baa, kuu takhaashamiye
Tafantoofka cayreed mar baa, laga tanaadaaye
Towqad xumo mar baa laga baxaa, talo Ilaahaye
Tarood xoolo laga buuxiyoo, taajiraa badane
Tusmadhigidda hodontooyo waa, tarar dabayleede
Waa tiix qayood maray markuu, tegayo miiskiiye
Maruun baa tar kaa noqonahayaa, tulushle meertaaye
Toddob da’ay tigaaddoo baxdoo, talaxu dheeraaday
Tasaq xamada geeda istacoo, tal iyo laashuusha
Tobbog faraq leh teysali curjina, tiico iyo laamo
Takhwad sano ah tuutiga cayada, tuducyadii saarka
Tax caleen leh tiirsiyo dherjiyo, tooska iyo fookha
Tarrax ubaha tay iyo caleen, taliya cawlcawllan
Tarrar layra laama istabacoo, turuqu xiimaayo
Tab cambuula taambuli lohloha, takhad waliilaaya
Tureed khalada taarma isqabsaday, takhas cagaaraaya
Tumbuc bacada tamuux jilicsanoo, lagu tardhabaayo
Tirintiga turuubta iskuleged, doc isu tuureenka
Takardhabadka rays tamashadiyo, tacab-ku-raaxayska
Tagsan garaba toolmoon aroos, tuujin iyo qaab leh
Taltallaabsi toos ugu adeeg, tabaradii qoyska
Taf-ku-jiidka mara taabsashada, toosintiyo hooda
Shir tawalay tol soo wada kulmoo, amar la tookhaaya
Taxaashaynta toobeyn xarrago, tamashlihii geedka
Tartan beder darmaan tooxanoo, talow u soo boodi
Col tamuumay torog laysu guray, toga ku saanyoodka
Hor weyn tiro leh rimay tiirsanoo, togoxu weynaaday
Tajal awra qaalmaha tofrimay, korommo taambuuga
Tebis goola awr toban jiroo, dhebi ku teesaaqday
Togoyada maqaar loo sidoo, kuray ku tookhaayo
Barqa tu’iska toobkaha xumbada, toolinkiyo xoorka
Timir dhalay tanaagtiyo qumbaha, loo tigtiginaayo
Tirsiis ido ah sumal looga tegay, wanan tabaadaaya
Riyo toolin laga soo lisoo, tiriyo dheeraada
Tabiin badan qaraabooyin tuban, tuurcaddaha wiila
Haddii lagugu taakulo intaan, tiriyey oo sheegay
Waxaan adiga kugu taawilleyn, kuma taseecaane
Tufna kuma lilleeyaan waxaan, kugu tadcaareyne
Tunni kuu caddaawa ah mar baad, tabaro mooddaaye
Nin tusaaledage ahaa baa, kaa tawaan cuniye
Waa tacab-khasaar gaal ninkii, toobaddu wacaye
Adigoo tacliiminahayuu, kaa tartariyaaye
Goortii la taa’ibi jiraa, balo taltaashaaye
Tortooraha uraayey sidii, ey u taabiciye
Talgalkii xumaa baa futada, lagu tarraajaaye
Wax takoorimada loogu xiray, tarash najaaseede
Waxay kheyrka uga tooban, waa tootir iyo naafe
Ibleyskii ku tabantaabiyaa, taw dhe soo orone
Wax taggooda laga yeelayaa, tooci iyo naare
Tan baaruuda un bay ka qubi, tooxda badanaade
Teygari Caleed bay ka ridi, tooda nololeede
Tixintiga wiriiriga ah bay, tabaxsanayaane
Tallal’ay waxaan hurin ninkii, gun u tawaabayne
Nin ragaa ku tabantaabiyee, tuug abaal ma lehe
Goortuu tabiinada cunuu kaa, tubbanayaaye
Soomaali1 anigaa tamminay, tiilka ay tahaye
Anigaa tafniday meesha iyo, toban jirkeygiiye
Anuu iga ta’wiishaa ninkaan, tooda garaneyne
Waa wada tukiye fule hadday,rag isu tookhaane
Goortii la taabtamo dagaal, kama tix qaataane
Markii tooratooruhu kacay, sii tubbanayaane
Turufleyda gaalaad xarbada, uguma tookhaane
Goortuu kufrigu soo timley, sii tawalayaane
Waxsey sii tawaawici intaan, taabka loo imane
Tagooggood wuxuu jabay markuu, taabo xoolaha e
Taraaraha ku yaal oogadaa, lagu tibaaxaaye
Tiiriga sidii loola dhacay, talal ma daayaane
Waa tarikiin aan salaad, taqabbaleyneyne
Tukashada Fircoon baa ansixi, waa tu aan jirine
Towxiidka Eebbiyo sharciga, wayan taalihine
Talaabuucsanoow ferenjigey, talo ku raaceene
Waxay uga tabaabulahayaan, inuu taxuubshaaye
Sidii nirig tushuumaaya bay, daba tushleeyaane
Tacaddiga Islaameed ka jecel, timirtii doocaane
Daraawiishta teedahan ka neceb, tiirridoo idile
Intii ay tafriid uga dileen, toban lag weeyaane
Tif karaamo awgii lahaa, uma taxniigane
Ninkii ayan tooda uga biqin,uma turaayaane
Culimada tuxfaha yeerin waa, ugu tiraayaane
Sheydaan ninkuu taba baraa, malaha towfiiqe
Ka tasoobe dowgii jannoo, toobiga ahaaye
Waa wada tijaal looga tegay, togaggii naareede
Tuxle iyo gaadmo iyo khaatirnimo, taraddan weeyaane
Tax hilibo ah tebbada dhaansan bay, turugga saaraane
Muskuun bay tafaayaan intay, tafaha xaytaane
Wuxuun bay tafaafuli sidii, yibir sin taareede
Tuur talaadiyo dug bay, turub ku jeexdaane
Tamiin min iyo faal bay tusbaxa, tororogleeyaane
Tumaalliyo talaamiid ka siman, tololoh beenaade
Haddaad kula tacaashana run baan, laga taxniigayne
In kastay tallaahida maraan, waa tu’ aan jirine
Naagaha tigaaddii la furay, kama tegaayaane
Qiil tahanti uma saarsadaan, tiirisboodhaduye
Waxay kula tacaalaanba waa, tu’is qaxaabeede
Tiglawiligta sacab bay kurtood, tar u qalaadaane
Tuulada wax laga yeerin waa, toolin dhooblaha e
Taraawiixda soonka ah waxay, tumaan ciyaaraaye
Waa xaasid kuugu taamayoo, tiimbad kuu qoodiye
Sidii kadafka talantoola bay, foolka kuu tubiye
Waxaan kugu tilmaannaynna waa, kugu tasheegaane
Tiih iyo wareer bay qabaan, togagga rooraane
Taraar bay u jeexaan birtii, wada talfiiqnayde
Wax tafiqay qalbiga waa khamrada, taxarrankeediiye
Waa wada tin doofaar haddaad, soo tawaajihiye
Toojana uma dhiijaan martiga, soo tarbiicsadaye
Tumunna uma quuraan miskiin, soo tawaawacaye
Waa niman tijaaro ugu kici, tooskii Cadameede
Tuurtiyo tubtaa feerahaa, laga tantoobaaye
Waa niman tammaaniin caddada, laga ta’kiishaaye
Tewin cudur tukubo ciirad bay, tananahayaane
Waa niman talooboo wadnaha, tooba weligoode
Tabbaas guryaha taandhada xafiis, taagiddiyo nooda
Turjubaanka iyo daararkaa, taabtan loo yahaye
Waa niman taraajada afkii, toxobbo fuushaaye
Sagaarka iyo caanaddey, togog la meeraane
Ugaadhaa takhtiga Hawd jirtay, teedinahayaane
Iyagaa tan iyo aamanuu, tolonku saarraane

*Waxaan ka qoray Xaaji Cabdiraxmaan Sayid iyo Xaaji Daahir Seed.

  1. Wuxuu Soomaalida halakan ula jeedaa intii aan Daraawiishta ahayn.

Tuurwaayow Toban Hal

Guyaashi Daraawiishi qalcadda “Jiidali” ka dhisatay ka dib ayay madaxdoodii waxay la ahaatay dalkii Ceerigaabo ee buurta iyo bannaanka isugu jiraa inuu ka fiican yahay dalka Nugaaleed xagga dagaalka iyo daaqaba. Dabadeed, waxaa guddoonkii ku go’ayin xarunta loo raro Jiidali oo Ceerigaabo 25 mayl dhinaca bari ka xigta.

Haddaba Sayid Maxamad isagoo u warramayey madaxdii degmada dalkaa fadhida u talinaysay si ay Daraawiishi gacan iyo gargaar uga hesho, nabadgeliyo iyo walaaltinimana loogu wada noolaado, ayuu geeraar toban qodob ka kooban u diray intaan la guurin. Wuxuuna Sayidku yiri:

Tuurwaayow1 toban hal oo, ta’da looxa ku taal baan,
La tawaawacayaayee, bal tixdayda dhegaysta

Jannadii aan tagnoo, cadaab yuunna taaban,
Tubtu baan oran maanta, toobad mayla gashaan?

Tub dheer baan ku socdaayo, tababaalaa i wadda oo
Ciddaan soo temedshay, tol ma ii noqotaan?

Shisheeyaan ku tallaalmayoo, tasow baan ku maqnaa
Haddaan tuurtay dushiinna, xaggaan awrta tu’shaa?

Muslin weys temmedshaayoo, ninkay towsi ka laacdo
Turuggaa la qabtaaye, tiir ma ii noqotaan?

Abaal waa la tabcaayee, haddaan teeyada geela
Tammin weyn idin siiyo, wax ma lay tarayaa?

Turufleyda amxaariyo, nimaan ii turahayn iyo
Tiirri baanu collownaye, taag maxay hidisaan?

Haddii ay taladeenniyo, tofiiqdeennu heshiiso
An tabays ma aqaanne, adna taar ha waddayn

Tumbuujooyinka hoosiyo, tahluukooyin qarsooniyo
Tuugo aan damihayn iyo, talo baas naga daaya.

*Waxaan ka qoray Aw Cabdulle Ibraahim, tirada gabaygana laba tuduc baa ka maqan.

  1. Tuurwaa: Muuse Turwaa, Cismaan Turwaa, Jibriil Turwaa.

Xuseenow Jikraar Lama Hadlee (Jiinley)

Dagaalladii waaweynaa ee Daraawiish iyo Ingiriis dhex maray  iyo goobihii ba’naa ee laysku helay oo ay ka mid ahaayeen Afbakayle, Caanaxarigle, Oodagooye, Fardhiddin, Beerdhiga, Cagaarweyne iyo Daratoole markay dhaceen, intaas oo gooboodna ay Daraawiishi ku wada lib heshay, xaruntuna markaa taallay Wardheer  iyo Walwaal, Ingiriis, Talyaani iyo xabashina dagaalka Daraawiisheed u heshiiyeen nin kastaba itaal meeshuu ku gaaro, dagaal iyo dirirna loo guddoonsaday, ayaa Sayidku u yeeray nimankii qusuusidda ahaa oo uu la tashan jiray. Wuxuu u jeediyay talo oo wuxuu yiri:

Xoolaha aynu haysanno waxaa u foolaada fardo iyo geel, dalka aynu joognana waa oomane haddii go’aan biyaha Wardheer iyo Walwaal inakuma filla, cadowgeeniina koo ma ahee waa kan, ee maxaynu yeellaa?

Taladii haddii la falanqeeyey ninkii tiisa loo guuxay wuxuu yiri: “Dad cadaabeed, dal cadaabeed baa laga galaa.” Hadalna wuxuu ugu ku iblabeelay in ergo loo diro boqor Cismaan, xaashi afdheerna loo sii dhiibo, lagana afdhowro, waxaana ka sii horraysay in Sayidku xoolo badan u diray boqorka, gabarna ka doonay.

Dhowr toddobaad ka dib ayaa ergadii soo noqotay iyagoo boqorkii ka sida xaashi uu ku leeyahay: “Soo guura garab iyo gaashaanba wayga helaysaane, saddex hal oo Bari leeyahayna ugu soo guura:

  1. Buur dagaalka looga gabbado.
  2. Biyo maatada iyo xoolaha kuugu noolaadaan.
  3. Bad, dab, hub iyo xoolaba laga helo.”

Daraawiish haddii warkaasu soo gaaray, rarkii caykay hoosta ka geliyeen Bari iyo boqor bayna foolka saareen. Inkastoo ay Daraawiishi dhexda kala kulantay weerarro aan la filayn oo xagga Ingiriiska ka yimid, hayaan, harraad iyo kulaylna wax gaarsiiyeen, waxay tageen Nugaal.

Ingiriisku markuu taa maqlay ergo ayuu u diray Boqorkii wuxuuna ku yiri: “Haddii aad Daraawiish wax la qabsato ama taageerto, baddana waannu kaa xiri, dagaalkana adiga iyo iyaguba isku mid baad tihiin, dhulkaaga in lagu dagaallamana kuuma roona”. Taasi Boqorkii cabsi bay galisay sidaas daraadeed Daraawiish waa ku ballan furay, colna waa ka hor geeyay. Dabadeed Daraawiishi dhinaca koonfur bay u leexdeen iyagoo hal daan dheera iyo faras qoore-gooye ah ama geenyo ruqa ah mooyee xoole kale ka, ayay waxay ka tageen Ayl iyo afaafka Nugaaleed meel la yiraahdo Gelingaalle. Sayidku isagoo ka faallanaya rafaadkii gaaray yo dhibihii lasoo maray iyo ballanfurkii Boqor iyo duunyadii ka luntay ayuu gabay mariyey. Wuxuuna yiri:

Xuseenow jikraar lama hadlee, jaalkay baad tahaye
Adaan iga jadeer wicin, markuu jaahilkii didaye
Jahnoo adaan qaban markuu, jiitay gacalkaaye
Raggaan gaalo jeefaafi waa, ehel jaxiimaade
Jahannama inay galeyaan, weygu jaamaca e
Adaa jamalka soo raray markay, janan u guureene
Junna weeye ruuxaan ahayn, jaadka aad tahaye
Dadka kale ka jeestaye, adaan jaarri kuu ahaye
Waxaan kaa jarreereynhayaa, sanada jiilaale
Sagal jiidan caad jilicsan iyo, jarar hillaacaaya
Onkad jow leh, daad soo jimray, jahada oo khiintay
Jowjowlihii xalay sidii, jibin u guuxaayey
Jirka da’ay jalleysaha gugii, hara jidhaamowday
Jidhimaha afkaa marahayiyo, jababka ceegaaga
Jaqaqarida geedaha noqdiyo, xamashka oo jiiqle
Sidii jaawo dhane loo shubaan, jeelka kaa bi’ine
Waxaan kugu jalbeebinahayaa, jowhartii gabaye
Jawiskayga maqal caawa, waan jalalabayaaye
Jundigii xigaaliyo anoo, jooga gurigeyga
Anigaan jareexiyo iyo xumaan, juuq la ii orannin
Anigaan rag ii soo jifraday, jil iga qaadeynin
Anigoo jalaalada dhigtoo, diinta jibanaaya
Anigoo jameecada galoo, jaaruun xarunteyda
Anigoo wixii aan jantaba, jimic la ii siiyo
Jamradii adduunyada anoo, jimicnimaw haysta
Karuur jagagaclayn iyo anoo, jaanaka fuudahaya
Anigaan jarraysimo hunguri, la iga jeeqaanin
Jaanjaanni baa iga khatalay, johoraddeydiiye
Hawo nimaan ka jigan baan ahoo, jira dheer koriye
Waxaan ahay nimaan jare aqoon, sida jaguug awre
Jawaawida Majeerteen hadday, Jalawdi ii yeedhay
Inaan *joro kusii dhaho hadday, igaga jeebnaatay
Jiidaha Ilaahay haddii, la igu jeeraadshay
Xagar jiqa, jaleefan iyo qurac, jinow wax heeraaya
Jiqtoolaha galooliyo samraan, jarafku xiimaayo
Jimbac surad leh, jiiqa isku baxay, jiica siiqda
Jillab xanafle jowdheer qallalan, jabi xanuun weyn leh
Jirma qodax leh jiiqjiiq wax mudi, jeerin iyo yooco
Jirda badan jiroon iyo qaroon, jaaful iyo seeri
Jifka hawdka guurha waxaan, jar iska xooraayey
Wuxuu jeeni calaflow libaax, igu jiibaadaayey
Raadkaan ku jiillaa wuxuu, daba jadeemaayey
Jaldhaftiisa qoobka ah waxaan, dib u jalleecaayey
Jaajuusku geesaha wuxuu, jirayey ruuxayga
Waxaan jaamagaarkii cabsida, jimanka buuraayey
Wiyil joof leh iyo yey waxaan, jirif ku keynaanshay
Jinni qabe shabeel ihi wuxuu, igu jalaacaayey
Juq waxaan u soo iri dugaag, jalabutaynaaya
Wixii gaade jimic soola xuli, juhunkii ii muuqday
Jititaha hortayda waxaan, jaaha kala leexday
Wuxuu jiinka ii maray Midgaan, jilibka tooxaaya
Kobaan jeesna ooliyo waxaan, jarar ku aynfaaday
Jawo lagu harraadiyo waxaan, omos jibaaxaayey
Jugley igu dhawaaqdiyo wuxuu, galowgu jiiqleeyey
Jid abaara oo kulul waxaan, hilin ku jeellaaday
Juunaha xagaagii wuxuu, jaaha iga leefay
Jeedaaladii wuxuu indhaha, jiitay araggoodu
Jarmaadiyo carrababa waxaan, bari u sii jeeday
Xagla jalaqle laafyaha waxaan, jagac ka siinaayey
Jiitada masaafada waxaan, jimiyey tooxeeda
Jildhiskeyga saydhuhu waxay, jac iga siineysey
Jiriiricada oogada waxaan, jararacoonaayey
Cagta jeerarkeediyo waxaan, boqonta jeeraarshay
Jalfiska iyo qonofkii waxaan, jag isa siinaayey
Jiljilladiyo seedaha waxaan, jaaifo u geystay
Jirridkii xabaallaa wuxuu, jebiyey suulkayga
Jirriqaa abeeriyo waxaan, gocondho jeexaayey
Janqaraaro socodkii waxaan, jaynaf macaluulay
Jidaashaan u yeellaa wuxuu, jiirku iga suumay
Jilbis balaqa iyo good waxaan, jaanta kala boodey
Wixii aan ku joogsaday abees, jalafle oo duuban
Maska jiririqleeyaa wuxuu, jiiris igu dhaafay
Jambareera dhiciddii waxaan, jiifka qabam waayey
Hadba jimicsi iyo taah waxaan, jalaqa soo laabay
Jidiindhowga qabatoon waxaan, jiilka rogi waayey
Waxaan jiidha waaberi kacoo, jalafsadoo luuday
Jurmaadada aroortii waxaan, juhul madoobaaday
Waxaan dhagaha jawgii ka baxay, jibindhow moodaayey
Wixii aan jaruur galay waxaan, jowray badankeyga
Rabbi baygu jeefagay waxaan, jululay ruuxayga
Jaldhanka baahida waxaan, jalaqa heemaarshay
Haddaan Boqor jawaab iiga iman, bad uma jeeleene
Jirku ima xanuuneen hadduu, jog I leeyahayee
Jeclaantaan u qabay baan u tagay, jaankii badihiiye
Jeer baa Ilaah ii qaddaray, jiirahaan maraye
Jiidaha in meel loogu wado, jaahil baan garane
Waxse igu jirrabay waa, ninkii jookha ii lulaye
Cayuun jalalowleyn iyo raggaan, jeer fardaha siiyey
Jaamus lo’aad iyo raggaan, jimir aruu dhiibay
Amaan lacag jiriidaa furoo, jeebka uga buuxshay
Waxaan gool jinaad weyn qaloo, joome uga gooyey
Xeeraha jiriidhaa waxaan, jaari ugu qaaday
Waxaan ramag jimiimici murkaha, uga jufsiinaayey
Waxaan ilaxir jeexya leh aroos, jalalamluu hooyey
Jirjir malaba iyo foon waxaan, jil uga yeelaayey
Waxaan jaawiduu shiday intaan, jalamadduu shaahshay
Nimankaan jalbeebtooda gole, jurux ka dhowraayey
Inay jarax abaala iiga dhigi, laabtu jirin meyne
Jisadeyda Eebbaan ka heli, talaba waa jeere.

Waxaan ka qoray Cabdi Cali Guuleed, Cabdi-Yaar. Waxay isku ujeeddo yihiin gabayga 95aad.

Koofil

Markay taariikhdu ahayd 1913kii ayey Daraawiishi ku duushay Ingiriis iyo cawaankiis iyo kuwii miirida u ahaa. Weerar lixaadle ayey ku ballaariyeen degmo ku tiil Burco iyo agagaarkeeda. Maal waxay lahaayeenna gacantay ku dhigeen. Nimankii xoolahaa la dhacay lahaa iyo Ingiriis oo isa soo biirsaday ayaa raacdo u soo birmaday.

Gaal la oron jiray Rijaad Koofil (Richard Corfield), oo ka mid ahaa madaxdii ciidamada Ingiriiska dalka Soomaaliya u fadhiday, madaxna ka ahaa rukuubleyda Ingiriis (Camel Corps), ciidankiisii iyo raggii xoolaha laga dhacay ayaa raacdo u soo gurmaday. Xoolihii oo galabtii “Beer” meel la yiraahdo maraya bay garab mareen oo waxay u fariisteen buurta “Dulmadoobe” salkeeda.

Waagu hadduu dillaacay ayaa Daraawiishi xoolihii oo duuban caasha u soo saareen iyagoo aan caad iska saarayn. Markay kaabiga u jireen meeshii colka gaaladu joogey ayay xoolihii hojiyeen, dagaalna ugu hub qaadeen. Dhawr tacshiiradood haddii lays dhaafsaday Corfield, oo colka gaalada madax u ahaa baa la dilay, raggiisiina waa la jebiyey. Madaxii Koofil iyo Gacantiisii midig baa Taleex la keenay si loo rumaysto geerida gaalka. Waxaa la yaab leh nin la oran jirey Ina-Weesaxume oo aan Daraawiish ahayn ayaa Koofil xoolo ka dhacay, dadkiisiina si xun ayuu u galay dagaalkaas ka hor. Dabadeedna ninkaasi wuxuu tirshay gabay kuhaan ah oo uu Koofil ku habaarayo. Waxaa gabaygiisii ka mid ahaa:

Sayidkoo wax galay raacdadoo, la isku soo gaaray
Adiga iyo qubniga aad waddaa, gobootaal noqo e
Ciirligaanku ka joogsay oo, guuxa kaa damiye
Ku googooste nimankii kufriga, gaajaduu qabaye
Afkuna gow ku yiri xaajadaad, gees u badisaaye
Guga ha gaarin adigaa tolkay, gaajadaas badaye.

Dabadeed siduu ninkaasi Koofil u ya’day baa loo dilay.

Jihaadkii markii laga soo noqday ayaa Sayid Maxamad ku yiri Ismaaciil Mire: Xarunta uga warran jihaadkii, ambabixiinnii, weerarkii, dagaalkii, gebagabadiinnii iyo xoolihii saamigaad ka heshay, dabadeedna Ismaaciil Mire wuxuu mariyey gabay, oo wuxuu yiri:

(X)

Annagoo Taleex1 naal jahaad taladi soo qaadnay
Toddobaatan boqol oo Darwiish toogatay neefdoora
Sayidkeennu tii uu na yiri torog ku heensaynay
Shekadaa intuu noo tebbeday noogu tacab qeybi
Ilaahay ha tabantaabiyee ducada noo tuumi
Wareegada rag baa waxay tewali yaan wax kaa tegine
Annana towlka qaalmaha nin iyo tulud u soo saarray
Sibraar caana geel loo tabcaday talax ku sii maallay
Tiirkii Rasuulkiyo sharciga toog ku wada fuullay
Galabtaa taxaabiyo kadlaba toobiyaha raacnay
Habeenkii fardaha waw turaye taag ku sii mirannay
Tun biciida lagu qoofalyow xamashka loo taabey
Talaaduhu markii ay dheceen talalay oo reemay
Tixda gabay markii aan akhriyey toose niman jiifay
Tiraabkaygu meeshuu ka baxay la isku soo tuumi
Salaaddii markii aan tukaday yaarka kaga taagnay
Togga Ulasameed dooyadii horay u tuuryeynay
Intay timacad noo soo arkeen marada noo taage
Annaguna jahaad kama tagnee tiimbad ugu roorray
Sengeyaal tabaadiyo gool weerarka u tooxnay
Tiiraanyo ololkii dhulkii Taani naga qaadday
Tallaala’aydii qaylada Berbera tahan la weydaari
Taambuuglayaashiyo kuway tebeysey soo gaare
Teysaha gugii oo hanqaray tinigtii yeedhay
Talaxumada awrkuu u xiray baqe taraarsiinnay
Girligaanka meeshuu turqaday lagu tunsii geela
Tirsan maayo uunkii tirmiyo tulushle Iiddoore
Gaaladu waxay tacab lahayd taabnay galabtaase
Maadhiin turaabkaa ka badan tuurla kaga qaadnay
Tukihii intaan niman u waray tobanle soo qaatay
Gebagaba u tooxnoo kufriga maarre kaga teednay
Tafwareeman maynine intaan tubay ku aynshaaday
Galabtaa carraabaada ku timi turugga Buuhoodle
Habeenkaa ninkii tabar lahaa tarantarree gaarka
Habeen kalena tuuraha Cadduur toolin kaga maallay
Habeen kale Tagaabeeye iyo tu’innay Haylaawe
Habeen kale Dariiqada tubnoo toosan lagu qaybsay
Tobon gool tabaadiga dhigiyo tobon unuun gooyo
Iyo toban tiftii hore rimoo taani lagu qooqshay
Iyo toban abeer tawllanoo tixinka qaalmoodo
Iyo toban irmaanoo aniga la igu taageeray
Iyo taan eryoon jiray markay tubatahee joogto
Been laguma tookhiyo afaan taabud noqonayne
Intaa xarunta waa tubay xaq waa lagu tanaadaaye
Warka Tuurre2 waa laga hayaa tan iyo Iimeeye
Waa Xamar tarrara oo misana taab ku sii daraye
Taltallaabsigiyo kabtiga tabo kolow dheere
Anigana tis bay galay intaan col ugu taagnaaye
Tuludna uma godlaan reeruhu tawl ka saanyade
Tafantoofka gaalkuu u dilay waa tixgaliyaaye
Suldaan Ruunna loo tebi inuu tuuladii gubaye
Tima soohanloow Eebbahay kuma tabaaleeyo.

Waxaan ka qoray Cabdi Cali Guulecd (Yaar)

  1. Taleex: Waa xaruntii Daraawiisheed, waxayna ku taal bartamaha Nugaalced, dhinaca waqooyi. Waxaa la dhisay 1909 ilaa 1910.
  2. Tuurre: Waa faras uu Ismaaciil Mire lahaa.

Markaa ka dib Sayidka ayaa tiriyay gabayga soo socda oo uu Koofil ku hal qabsaday. Wuxuuna Sayidku yiri:

Adaa Koofiloow1 jiitayaan, dunada joogayne
Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aaneede
Jahannama la geeyoow haddaad, aakhiruu jahato
Nimankii jannow kacay war hay, jirin inshaalleye
Jameecooyinkii iyo haddaad, jowhartii aragto
Sida Eebbahay kuu jirrabay, mari jawaabteeda
Daraawiish jikaar nagama deyn, tan iyo jeerkii dheh
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jab iyo baaruud dheh
Waxay noo janjuunteenba waa, jibashadiinnii dheh
Jigta weerar bay goor barqaa, nagu jiteeyeen dheh
Anigana Jikrey2 ila helaan, shalay jihaadkii dheh
Jeeniga hortiisay rasaas, igaga joojeen dheh
Jiiraayaday ila dhacecn, jilic afkoodii dheh
Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego
Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jiirarka u muuji
Nafjecleysigii baan u iri, jaallow iga daa dheh
Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh
Jeedaalladii baa indhuhu, kor u jillaadmeen dheh
Jimic kagama helin luugmadaan, jirixey ruuxuu dheh
Markaan juuq iraahdaba afkay, iga jifeeyeen dheh
Dhaaxaan jalaacaye dheg baan, jalaq la ii siin dheh
Goortaan jarreerana gefoo, nolol ka jaan qaaday
Sida janannadii horaa tashigu, igu jaguugnaa dheh
Taladii jinnigu ii hormaray, jaasadeed helay dheh
Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay
Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh
Markay, rubaddu jaw tiri or bay, iga ag jiibsheen dheh
Jidhkaygii bahal baa cunoo, jiitay hilibkii dheh
Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh
Jiljilladiyo seedaha tukay, igaga jaadeen dheh
Haddaan lays jikaarayn, tolkay laga jil roonaa dheh
Weligood waxaa lagu jaraa, jilibdhig duullaan dheh
Daraawiishi waa jibindhowga iyo, jowga soo bixi dheh.

  1. Rijaad Koofil (Richard Corfield): Gaal ka mid ahaa madaxda ciidamada Ingiriiska u fadhiyey dalka Soomaaliya. Waxaa laga soo wareejiyey Naayjeeriya, wuxuuna madax u ahaa rukuubleyda (Camel Corps). Koofil waxaa lagu dilay dagaalkii Ruuga (Dulmadoobe) ee Ingiriiska iyo Daraawiishta dhex maray 1913kii.
  2. Waa qori faransiisku sameeyey oo Daraawiishu haysatay.

Ilaaheennii Jaliilka Ahaa

Daraawiishi waxay ahaayeen habeen iyo maalin niman dagaal iyo jahaad u taagan oo qarfaafo iyo qalalaasana ku jira. Quraanka iyo caqiidada sida loo barto iyo dhigashadoodiina waxay u baahan tahay fadhi iyo degganaan, maxaa yeelay waxay ku qoran yihiin af carabi adag. Sidaas daraaddeed ayaa Sayidku caqiidadii af Soomaali ugu beddelay si ay dadka waxbarashadu ugu fududaato. Kolkaas caqiidadii oo af Soomaali ah oo lagu marinayo jiibka la yiraahdo jiifto waa tan, dadkiina si dhib yar ayuu u bartay. Wuxuu yiri:

Ilaaheennii jaliilka ahaa labaatan sifaa, u waajibtayoo
Inuu jiro baa u waajibtayoo, hadduusan jirin ma joogneen
Hadduu ina joojiyaad aragtaan, inuusan jirin ma suurowdo
Inuu jiri jiraa u waajibtayoo, haddii kale yaa jirreysiiyoo
Inuu jiri doonaa u waajibtayoo, haddii kale yeyna jaaseynoo
Jinni iyo insiba waa khilaafsanyahoo, haddii kale waaba jayshkoodoo
Sidii dadka jiir iyo dhiig ma lehoo, sidii axad meel ma joogsado
Jinaad iyo feero dhinaciyo, calool iyo bariyo joof ma lahoo
Janbeyn iyo koriyo hoos ma lehoo, jaliil jaah horiyo dabi ma leh
Ilaah jismigeenna haw dayinoo, haddii kale laysku jaangooyoo
Jaliil kelinnimaa u waajibtey, ninkii jigtayow jaxiima galey
Ninkii laba jago jeclaysanayey, jifeeyaay waa junuun falan
Hadday jiniin wada abuurayaan, alley jilicanaa Ilaahyadu
Jamaalka Ilaah ninkii qaybshow, Allow jahanama ha kaa deyn
Ninkii bir jarbarid u waajibiyow jiriid kuus, jaawa geel waa waayoo
Jaahaa gubayey jalleeca xumow, allow yaa qool ku jiqilleyoo
Ninkii jaxarnimo sifuu baadiyow, jar dheer baa Eebbe kaa ridi
Nolol jiridaa inuu leeyahay, wallaahu waygu jaamaca
Haddii kale waa jamaad ruuxlee, nuxuu jilahoo cid tarayaa
Wuxuu jiriyo waa awoodaayoo, hadii kale yow jiriirixin
Ninkii jebin kara anow fasaxaye, ninnaa jeefaafo haw gelin
Ninkii xarbad jilibka ugu dhigayow, jiilaajilo badan usoo guro
Jaliil qudra ma leh jikraar weeyee, dadow jamacoo bal jiir uun
Haddaad jigateen jid roon qaadoo, jaahilyow Eebbahaa baro
Haddii kale anigu kaa jeestaye, baluun juuq gabana iga maqal
Jinnigii isha caddaa iyo, aabbow jifiliille kuu tali
llaaheen lama jikraarayoo, wuxuu doonuu jiteystaa
Haddaan xukunkiis sidii jibin dhicin, jabaabiraduusan laayeen
Waxaan jaad samayn Ilaahay ma amree, Allow aan helo na jeefagan
Haddii uu jirimo kula doonana, jidka rillo kuma ibaaxayn
Wixii uurka laga jeclaysanayiyo, llaah Jowrka waa arkaayaa
Wixii bad moolkeed ku juluq yiri iyo, wixii jiifa waa ogsoon yahay
Wixii jira waa arkaayaayoo, wixii joogana waa arkaayaa
Wixii jurmaliyo wixii sowd leba. jamiicinimo waw arkaayaa
Haddii kale jiita oo dhuuntoo, ku jawjawleeya Eebbehayoo
Wixii juuq yiri Ilaah maqalyoo, waxaan juuq oronna waa la midoo
Haddii aan jubuq Ilaah maqli karin, muxuu baryada uga jawaabaa?
Wixii dhulka hoose jeeb ku leh iyo, wixii jiriba waa ogsoon yahay
Haddaan been lagu jalbeebanahayn, waxaan jirinna waa ogsoon yahay
Ninkaan hadalkayga juqihaynow, haddaan lagu jirin ku jaangoosoo
Ninkii janna doonayow joogsoo, kalaakalkaygaa ha jaaxidin
Ninkii muuminnimo u jeelqabow, xayaadkayga u jimiimica
Sidii jaan karuur u fiiqsada oo, sidii ramag jaar ka buuxsada
Sidii jookhiyo xariir u jantoo, sidii jirka dhacay u jalalaba
Sidii jirka roob anow u da’yee, Allow yaa xamasha iga jaqa
Allow yaan gaal la jaal noqonoo, Allow yaan diin jaadixinoo
Allow kuwa nalalku soo jaadiyo, Allow jaajuuska yaa jara oo
Allow wixii lagu jihaadaayaba, Allow yaa jiira oo mara oo
Allow markii sumucu jow leeyahay, Allow baqe jaanta yaan warin
Allow girligaanku waa johorade, Allow yaa jiita oo hela oo
Allow jirrabbada adduunkaa iyo, Allow naar nooga jeer dhaafoo
Allow jid siraad na dhaafsiiyoo, Allow jaarkaaga naga yeel.

Waxaan ka qoray Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon.

Xiin Finiin

Nimanka taariikhda weriyaa say sheegeen Sayid Maxamad baa doonay Faaduma Islaan Aadan oo la dhalatay lslaan Faarax Islaan Aadan oo madaxda degmada Mudug ka mid ahaa. Sayidku xoolo badan oo geel iyo fardaba leh ayuu yarad uga bixiyey, xurmo iyo xididtinnimo wanaagsanna waa muujiyay. Hase yeeshee, dhugi geel dhaantay, dhex socotana dhul dhaantaye, hadallaa Sayidkii iyo Islaan Faarax loo kala geeyay.

Xididtinnimadaas Sayidka wuxuu uga jeeday inuu garab iyo gaashaanba Islaan Faarax iyo dadkiisa uga helo, si uu jihaadku u sii xoogoobo. Sida xeerka Soomaalidu u badan yahay ninkii gabar laga guursadaa wuxuun buu cubtamaa, Sayidkuna wuxuu gabay ku yiri:

Wax walba wow huraayaa ninkii ii walaal noqone.

Dabadeed Islaan Faarax wuxuu Sayidkii weydiistay faraskii la oron jiray Xiin Finiin, xaashi arrintaas ku saabsanna wuxuu u sii dhiibay Faarax-dhabansenge.

Daraawiishi farduhu qaali bay ku ahaayeen, gaar ahaan Xiin Faniin Sayidku aad buu u jeclaa, hase ahaatee. sidii loo yiri dhegtaa kaa war dheer, ishaaduna waa kula fil, xaashidii Islaanku soo diray hadday u tagtay Sayidka wuxuu guddoonsaday inuu faraska bixiyo si aan loo xaman. Dabadeedna isagoo xil iska reebaya, faraskana xarragadiisa u dhammeeyay. ayuu ninkii loo soo diray gacanta ka saaray, ka dib markii gabaygan soo socda la qabadsiiyey

Xayow Faaraxow1 hadal rag waa, loo xutubiyaaye
Nin xishood leh baan ahay haddaan, lay xistiyahayne
Xabiib baan ahaa jeer kufriga, laygu xaasidaye
Adna xaashi baad iila timid, xaakin soo diraye
Xaddigii adduunyada, haddaad xoola iga dooni
Marna anigu kaama xistiyeen, xaalaad leedahaye
Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa, geel xawaar badane
Kumanyaal xawaadaan lahaa, xawd u sii mariye
Markaad Xiin Finiin2 damacday baan, kaa xanuunsadaye
Walaalow xirgiga qaarkii waa, lagu xujoobaaye
Waxaan kugu xutubiyaaba waa, xuuradaan nahaye
Nin kalaan xafiidaba adaan, xaaydda kaa rogaye
Xigto iyo qaraabiyo hadduu, xidid i weydiisto
Xayow iyo Qayumay haddii, la igu xoodaansho
Xubbigayga kuma hayn inaan, xiisoow bixiyaaye
Xamar weeye oo midab fardood, kala xiriir roone
Xawaariyo kabtiyo raaxo iyo, xawli iyo jeefag
Xaggii loo eryaba waa, gammaan xulashadiisiye
Xubno toosanlow neefku waa, xaalad gooniya e
Goortaan xusuus ula noqdaa, xiiso ii qabane
Waxaan xarafka diimeed ahayn, igaga xeel dheere
Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa, xoogsi ugu fuule
Usagaan xatooyada lahaa, xuurta ugu looge
Xiniinyaha ku goo baan lahaa, gaalka xaylka lehe
Xayskaa da’ayaan lahaa, Xalin ka doodeeye
Xaqaygii maqnaa baan lahaa, xag ugu raacdeeye
Meesha iyo xeebtaan lahaa, xiito ka eryoode
Xujeeyreebta reer Hagar anaan, xubashyadii ruubin
Xinjoortoda dhiigga leh haddaan, lagu xaraaraysan
Xaqaamaquuqiyo haddaan, xaaluf lagu yeelin
Xiddaysane ma dhiibeen anaan, xaaladday bogane
Xaaraami uun baa arlada, xula abiidkiise
Wuxuun bay xushleeyaan sidii, xabashi Iiddoore
Aniguna xogtaydaan ka baqi, inay xumeeyaane
Xaashaallillaahive nin goba, xamasho waw ceebe
Goorteer anoo xaajiyaan, xinif awoodayne
lntii aniga lay xaman lahaa, xil iga soo meerye
Aduu galabta kuu xoolo yahay, xamarkii dheeraaye
Waa Xiin Finiin neefka aad, xarigga haysaaye
Xayawaanka oo idil naftay, kala xeraadaane
Mar hadduu suldaan3 igu xil lihi, igaga xayddaantay
Xariggiisa qabo aadmi kale, kuma xurmeeyeene.

Waxaan ka qoray Cabdi Cali Guuleed, Cabdi-Yaar, sannadkii 1955kii.

  1. Faarax: Faarax-dhabansenge, waa ninkii Xiin Finiin Sayidku Islaan Faarax ugu sii dhiibay.
  2. Xiin Finiin: Waa faraskii Islaan Faarax Islaan Aadan, Sayidka weydiistay, hooyadiisna waxaa la oron jiray Finiin.
  3. Suldaan: lslaan Faarax Islaan Aadan.

Xay Guduudan la Moodyow

Guud ahaanba dadka Soomaalida farduhu waxay u lahaayeen qiimo weyn. Ninkii aan faras lahayni wuxuu ahaa nin aan tirsanayn. Gaar ahaan Daraawiishta waxayba la ahayd inay noloshooduba fardaha ku xiran tahay.

Sidaas daraadeed waxay aad ugu dadaali jireen, fardaha heliddooda iyo dhaqaalahooda. Marka isweydiin meyno wixii la jecel yahayba ammaantooda in lagu xeel dheeraado. Sayidku gabay iyo geeraarba fardaha aad buu ugu ammaanay, waxaa ka mid ahaa geeraarkan soo socda oo Sayidku ku ammaanayo faras la oron jiray Calanside. Wuxuuna Sayidku yiri:

Xay guduudan la moodyow, Xamar weeye korkiisu
Waa xiddaayad sideedee, ma xariir cusub baa?
Afku waa xolxolkaasoo, ilka loo xanafeeyuu
Xakamaa la dhacaayee, ma xandaad bir tumaa?
Bacaarka xolkiisiyo, sanka xiifta ka yeeri
Wiyil loo xanafeeyoo, xaryamaaya miyaa?
Hadduu qaylo xakaaraa, xaryankeeda dhegaysto
Dheguhuu xukinaayo, xawdh la taagay miyaa?
Surka xaafadda weynluu, xulkiyaa hojiyaa
Xaddii weeye dhexaade, xakab loola miyaa?
Geedku waa xaasoowgaasoo, waa xayaaba galbeedoo
Waa xareed midabkeede, xinni tay ah miyaa?
Dusha xaarad bannanoo, xasil loogu fariisto
Xagna looga dhacaynoo, xukumaysan miyaa?
Fanku waa xaraf weynoo, xawaal weeye korreysee
Gumburkii Xalimeed1 iyo, Xaaridheer2 miyaa?
Qanaantuu xarfinaayoo, xiisaddeeda lulaayo
Xin xabbaas ka karaayiyo, xusur dheehan miyaa?
Haddaan xeebta ka fuulo, Ximan3 reeraha yaal
Xigsintuu u tagaaye, xanfar duuli miyaa?
Anna lay xaradhaami, usna xerya ballaaran baa
Xariir loogu shubaaye, xilka-dhawrsi miyaa?
Haddaan qoofal xigoodaa, xaafidaad ugu dhaado
Xurguftuu dhutiyaayo, naafo xuurrin miyaa?
Haddii layga xubeero, xididdow bixin maayaan
Xabeebtiisa ku raagiye, xabbadkayga miyaa?
Xaya waaga salaadda, haddaan oodda ka xaydo
Xareedkuu gurxamaayo, ma Iiddoor xuja laa?
Haddaan guuro xabiirro, xawaadeenka dhacaayuu
Xijaab iiga dhigaaye, xuddur awdan miyaa?
Haddaan xuurto baqoollo, xor dallaala sideeduu
Xanfigiigga ceshaaye, xaaxi layra miyaa?
Xiito meelay ka fooftay, haddii weerar la xuubsho
Waa xufoo lama gaaree, ma dhashii Isxal4 baa?
Hadduu xoolo gelaayo, magaan waa xannibaado
Xarraan waa isxiraaye, xiddig duusha miyaa?
Taxaabaa ima xiisoo, dibna iima xabbaasoo
Horuu ii xorxoraayee, ma xayuunta baraa?
Goortuu soo xaryamaayo, xayigii daba jooguu
Xalqadeen ku dilaaye, ma wad loo xukumaa?
Hadduu soo xallinaayo, xiiso aan u qabnaa baan
Loogu xeebanayaaye, ma xays noo da’ay baa?

Waxaan ka qoray Aw-Cabdille lbraahim.

  1. Xalin: Waa ceel biya badan oo Taleex geesta bari ka xiga.
  2. Xeeridheere: Waa tog Xalin ka sarreeya oo buur dheer leh.
  3. Ximan: Waa ceelal xiriirsan oo u dhexeeya Dhuusamarreeb iyo Gaalkacyo, waxaana ka mid ah: Cadaado, Mareergur, Gidhays iyo Godin-labe.
  4. Isxal: Wuxuu ahaa faras qoor ah oo dhal wanaagsan, fardaha Daraawiisheedna kudi jiray, geenyadii dhashayna waxaa la oron jiray Boosakurus.

Dacwad Baan ka Leeyahay

Heshiiskii Iligdaldala markuu dhacay ka dib ayaa gumaysigii Ingiriisku warqad u soo diray Daraawiish, wuxuuna ku yiri, “Mar haddii waanwaan iyo heshiis nabadeed ina dhex maray, taliska Ingiriisku wuxuu Daraawiish weydiisanayaa saddex hal:

Midda koowaad geelii Daboolane ee Daraawiishi degmada Habaryoonis ka dhacday inaad wuxuun ka soo celisaan.

Tan labaad nimanka dabatada ah, oo Nugaal sare fadhiya oo dad iyo duunyaba mahoobbiyey, col iyo gaaddeba inaad naga celisaan.

Tan saddexaad, Warsangeli wacad iyo heshiis baa na dhex maray, waxayna doorteen raaciyadda Ingiriiska inay noqdaan, marka u yeeridda aad Daraawiish ugu yeeraysaan ka daaya.”

Daraawiish markii hadalkaas loo keenay waxba kama gilgilan, danina waa seeto e, waxay yiraahdeen, “Ingiiriisow saddexda arrinba waan yeelaynaa, ee idinna laba hal noo yeela:

Midda hore, xoolihii Daraawiish looga dhacay meesha la yiraahdo Caado ee dabadeedna Burco la keenay soo celiya.

Midda labaad, doonnidii aannu dabka u dirsannay, Ciise Dhoollawaana rubbaanka u ahaa oo aad baddaas ka qafaalateen, iyadii iyo wixii saarnaaba noo soo celiya oo aan sidaas wax isku weydaarsanno.”

Dooddaas Daraawiishi Ingiriisku waa ku gacan sayray, wuxuuna marmarsiinyo ka dhigtay: “Xoolihii Caado laga qaaday, Ogaadeen baa dhacay, Ogaadeenna waa haad Amxaaro. Doonnidana Talyaani baa qafaashay, Talyaanina qareen uma nihin.” Labadaa doodood ee dambe ee Ingiriisku soo jeediyay Daraawiishi ma garaysan, Sayidkuna masafo dheer oo uu ku caddeynayo in Ingiriisku musuqmaasuq wado ayuu mariyey. Wuxuuna yiri:

Ogaadeen ha ii dirin, dacwad baan ka leeyahay
Duul haad Amxaaraa, kaa dooni maayee
Wuxuu aniga iga dilay, diyo ha iga siinnine
Doofaar inuu yahay, anigaa u diin lehe
Amba waan ku daba geli, dakanka iyo qaanke
Dirhan haddii aan kaga tago, anaa been dabaadehe
Waxaan kaa dalbahayaa, duunkaagu wuxuu qabo
Intaad dowladduu tahay, adigaw damiinehe
Ma waad diidi nimankaad, dumataye i soo dhacay
May kor u dabbaalaan, waxay naga dadduubeen?
May dowga Caadoodl, galbeed uga dareershaan?
Dalkaad adigu joogtiyo, Burca maxay ka dooneen?
Dar Alliyo heshiis iyo, ma daawad lahaydeen?
Mase waa dayoobeen, doqon baa habowdee?
Dabadeedna sow maalkii, dacalkaaga kuma shuban?
Sow daabacaagiyo, daftarkaaga kuma qoran?
Sow duhur dharaareed, dibnahaaga kama qiran?
Sow sida dameer raran, dusha kaama fuushana?
Miyaan duudsiyaayaa, kulaan Dabacayuun helo?
Haddaad daacad ii tahay, doodaye maxaad oran?
Dafir miyuu wax kuu tari, daliilkii ku siiyaye?
Doonnidii ma aan arag, dacwad baan ka leeyahay
War waxaad durduradiyo, dan la’aantaa ugu dhiman?
Hadal aan dawo lahayn, sow kama diqootaan?
Dakhalkiyo shiraaciyo, badda yaa u dowlada?
Talyan waa dadkaagiyo, daayiciin aad wadataa
Haddii aadan duqlaalayn, Dannood2 sooma aadeen
Diraac Doolo3 iyo Ciid4, duullan kuma yimmaadeen
Diingaanyo ciidana, darka nooma keeneen
Dildillaaca waaberi, weerar naguma daacsheen
Durqun nama dhexjoogine, adaa hiil ka daalibay
Adigaa durraamiyo, docogaysi ula tegey
Adaa yiri Daraawiish, dirirteeda ii raac
Asna diradirayntaadaa, iga deyso kuma oran
Intaad dacatiyeysana, sow kulama daalayn?
Sow dad iyo xooliyo, daabbad kuguma caawinin?
Sow daraaddii kuma iman, Hobyo5 wixii ka soo degay
Sow duubcaddeydii, raggii dooxay ma ahayn?
War nin shalay dammiinyahow, igu dilay daraaddaa
Berri haddaynu dirirrana, dusha iga wareentayn
Daawadayda maahayn, ma ku dayrsamaayaa?
Durrufleyda gaalaad, adaa daaqsanaayee
Miyaan kala deyaayaa, adiga iyo deriskaa
Warsangeli doc uga bayr, dacwad baan ka leeyahay
Mar hadday ku doortaan, isku dirad miihine
Dabcigaygu ma oggola, nin kuu daalisaayee
Daraawiish hadduu yahay, sidee doc uga leexdaa?
War Daarood Ismaaciil, dir miyaad wadaagtaan?
Durriyaddii adoogay miyaad, iigu duurxuli?
Sow deero iyo cawl, dorraad adigu kama dhigin?
Sow dukaamadoodii, daarahaaga kuma guran
Sow doonyahoodii, dookhaan naara kuma ridin?
Sow dooro weynow, ma deldelin raggoodii?
Inay kuu dudaayaan, sow maba dareensanid?
Inaadan dooc lillaynayn, diyaar kuu ogaadee
Dikrigiyo shareecada, labadaad ka duudiye!
Durdurkii firdowsiyo, jannadaad ka daahiye!
Durbaddii cadaabkiyo, dukhaankii baad ku tuuriye!
War inaad degaysana, sow dareemi maayaan?
Ma ku diimanayaan, deel qaafkan aad tiri?
Dumarkii ma furayaan, xilihii dalaaqee?
Geela soo dareerina, dowcad baan ka leeyahay
Anigiba dunqaariyo, ducataa i gaaraye
Dibirrootigaagaa, lawyaha i diiriye
Qayradii daruurrayd, adaa damug ka siiyaye
Dulbixii Gallaadiyo6, dudmaa ii horeysaye
Daa’imaan wa xagarannine, digniin iima laabnee
Dabarka Ciise7 lagu xiray, anaa laygu dooniye
Degdeg haddaan looga furin, dunidaa ifsaadiye
Dantay baan la yeeraye, yaan laygu diimine
Deeqi igama juustee, wax ma kala dillaallaa?
Oo wixii inoo dana, durba ma isu yaallaa?
Mase ways daboolnaa, nin dulmiyana Allaa oge?!
Dabatada aad sheegatana, dawcad baan ka leeyahay
Adigaa dulleeyoo, duunyada ka qadoo
Adaa degalladoodii, digaxaarka mariyoo
Adaa deeblahoodii, daabaqad ku jiidaye
Diinkiyo dugaaggiyo, adaa duufka siiyaye
Intaasoo darxumadaa, adigaa u diiqaye
Hadday daqaqaamaanoo, wuxuun ka danqaabaan
Oo waxaan dux gelinayn, duleeddada ka xaabaan
lyagaba dan gaajiyo, diihaal baa u geeye
Anna haygu diga gubin, adiguna dan haw gelin
Dayib haddaadan oranayn, dayuubtaan ku leeyahay
Oo daxorayaashiina, been kugu dakhaakhuli
Bal inaan dugsuu ahay, amaan idinku soo diray
Haddii aadan danbaabayn, daahir marag ah soo taag!

Waxaan la qoray Ciise Fikad iyo Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon, sannadkii 1955kii.

  1. Caado: Balli ku sariiran Haraxagarrey.
  2. Dannood: Waa balli caan ah oo ka mid ah toddobada balli ee Haraxagarrey oo kala ah Daratoole, Dannood, llig, Masaarte, Siraw, Caado iyo Dhegxayacaddo.
  3. Doollo: Waa todobada ceel ee Wardheer, Walwaal, Waafdhuug, Afyaraaddo, Uubataale, Garloogube iyo Yucub.
  4. Ciid: Waa dhulka ciidda guduudan leh ee oomanahana u badan.
  5. Hobyo: Waa magaalo ku taal xeebta Badweynta Hindiya oo Gaalkacyo hilaadda 200 oo kiilomitir u jirta.
  6. Duubcad: Waa tilmaan Daraawiishi lahayd.
  7. Gallaaddi: Ceel ka mid ah ceelasha la yiraahdo Ceelcad oo Wardheer 40 kiilomitir u jira kana xiga dhinaca bari.
  8. Ciise Dhoollawaa: Wuxuu ahaa Daraawiish badmaax ah, wuxuuna qabay Sayidka walaashii Rooxo Sheekh Cabdulle. Ciise isagoo doonni shixnadan wata oo Daraawiish dab uga doonay dalalka Carabta ayaa Ingiriisku badda ka qafaashay isaga iyo doonnidiiba. Dabadeed waxaa lagu xiray Casab.

Awel Maanso Waataan Dayacay

Shirqoolkii Canjeel la baxay markuu dhacay, lagana digniin helay ayaa dad badani xaruntii ka yaacay, colal Daraawiisha ayaana dadkii ka daba tegay si loo soo celiyo. Dabadeed wax la dilay, wax fakaday iyo wax la qabtay ayey dadkaasi noqdeen. Gabaygakani soo socda wuxuu ku xiran yahay gabayga ka bilowda (War suudow sedkaa waa jannee, samac kalaankeyga), intiisii badnaydna way rnaqan tahay. meel laga helina Allaa og, waana raadinaynaa.

Awel maanso waataan dayacay, dow aan mariyaaye
Warka xalayto dooxada Jednugul1, daan walba u raacay
Oo ay dabayluhu sideen, waa ku diirsadaye
Waa kii Darwiishkii kufriga, nooga soo digaye
Sidii geel darmeed bay farduhu, docadoceeyeene
Digdigtii rasaastii sidii, duur u ololeysey
Guga daatay reer Khalaf2 inuu, daaqo laga waaye
Danab baa ku dhacay reerihii, dayrta noo faqaye
Candhadogoble3 goortaan dillaa, roobkii noo da’aye
Waatay inay naga darmaan, damacsanaayeene
Dambarkeedii hele xaajaday, naga daboosheene
dukhuumada tashaday naarta waa, loo dawarayaaye
Dige-dheere iyo Jaamac ways, daba gelaayaane
Daa’imow Allahayow adaa, duulka naga saaray

Waxaan ka qoray Maxamad Nuur Cali.

  1. Jednugaal: Waa dooxo ka mid ah dooxooyinka Nugaal bari,. mar baa waxaa degtay xarunta Daraawiisheed.
  2. Reer Khalaf: Khalaf Faarax Shirwac.
  3. Cali Barre Maxamad Xasan.

Ma Duqaynay Reer Bari

Abbaaraha taariikhdu markay ahayd 1910kii ayaa Daraawiishi laba qalcadood ka dhisatay ceelka Buraan oo ah togga Jiidali daantiisa koonfureed. Hase yeeshee waxaa ka carooday Boqor Cismaan oo markaas u talinaayay gobolka Bari, iyo Garaad Maxamuud Cali Shire oo Daraawiish ka fallaagoobay, madaxna u noqday degmada Laasqoray, Ceelaayo iyo inta raacsan. Labadaa nin oo madaxda ah baa ku heshiiyay in Daraawiish laga kiciyo ceelkaas Buraan, waxayna marmarsiinyo ka dhigteen inay Daraawiishi nabaddooda halis gelineyso, dalkav fadhiyeenna daabkiisii qabsadeen.

Boqorkii wuxuu soo dumay col tiradiisu tahay aayadaha quraanka cadadkooda (6666), Maxamuud Cali Shirena wuxuu soo dumay col aan waxba ka yarayn colka Boqorku soo diray. Madal waxaa noqotay Buraan. Halkaas 80 nin oo Darwiish ah oo Maxamuud Feyte madax u yahay ayaa lagu qur jaray.

Markii warkii soo gaaray xaruntii Daraawiishta oo ahayd Daarcad oo Taleex u dhaw, ayaa laba talo laysku qabtay:

A) In lagu duulo Buraan ciidanka qabsaday, si looga soo ceshado.
B) Iyo in la weeraro degmada Garaad Maxamuud Cali Shire oo Raacin taal.

Taladaan dambe ayaa loo guuxay, oo la guddoonsaday.

Daraawiish oo lug iyo faras ah ayaa weerar ku ballaarisay degmada Maxamuud Cali Shire. Ruuxlihi, dad iyo duunya waxay degmadaasi lahaydna gacanta midig bay ku dhigeen.

Maxamuud-Jaarig oo ahaa la taliyaha Garaad Maxamuud Cali Shire, ayaa fakaday isagoo ku jooga faras la yiraahdo Jiire oo qaylo kula dhex dhacay colkii qabsaday Buraan, wuxuu ku yiri: “Wax iga soo horreeyay ma aragteen?” Waxaa lagu yiri: “Maya.” Markaasuu yiri: “Wax iga dambeeyana arki maysaan”. Markaas ayaa colkii laba talo isku qabtay:

  1. In ciidanka Daraawiishta laga hor tago, oo duunyada laga dhacsado.
  2. Iyo in xarunta loo weydaarto inta ciidanku ka maqan yahay oo la qabsado. Talada hore ayaa loo guuxay, laguna guddoonsaday.

Iyagoo lug iyo faras ah, ayay weerar qabax ku siiyeen Daraawiish oo aan xoolihii weli gurya geyn, hase ahaatee halkaasaa lagu jebiyay colki isbahaystay. Dagaalkaas wuxuu ku caan baxay Habarhumbulle, waxaa laga mariyey dhowr gabay, oo uu ka mid yahay gabaygan soo socda:

Nimanyahow dabuub gabay beryaa, uma dedaaleyne
Wax i daaray mooyiye xalaa, laygu soo degaye
Aan dabeebto gabaygu waa, dab iyo baaruude
Onkod dininiglayn baan ihiyo, dirirkii cawleede
Daad soo rogmaday baan ahoo, dooxadii yimiye
Aan durduro dabaal baan ku mari, dool la ii xiraye
Dayax iyo shamsaan ahay haddaan, la idafirahayne
Gudcur dama habeen dumay, cirkaan dacal ku nuuraynin
Ma diyado tillaabada ninikii, dowga marayaaye
Dugsi haddaan la helin, dhaxanta waa lagu daddoodaye
Dabaylihiyo fooraa la tegi, daar waxaan geline
Deyradhagafyadaan shidahayaa, dogobxo waaweyne
Dulbaax malaha xaajada middaan. diirka ka caddeyne
Diirfimo halkii aan lahayn, waa sidii danafe
Waxa dunida qaarkeed ka dhacay, dood aan ka iraahdo
Daayimow Allahayow adaan, dunina moogayne
Daandaansi ina-adanaa, loogu dawgalaye
Deyn nimaan ka qabin buu, nafluhu daba gelaayaaye
Haddii nalaku soo diray khalqiga, Dir iyo Daaroodba
Warsangeli haddii uu dunjigii, iyo diricyo soo qaatay
Dashiishiyo Majeerteen haddii, deexda laga keenay
Guutadii la soo dumay, haddii nalaku soo duushay
Wax la soo dandaanshaba, haddii nala dul gowdiidshay
Dildillaaca waaberi, haddii nalagu sii daayey
Annagaan digniin qabin haddii, nala dareensiiyo
Digta weerar qoobkii hadday, dinigtii yeedhay
Doonyada uluuftaa hadday, Daalo1 kor u dhaaftay
Qaylada dalluunta ah haddii, nala dareensiiyo
Degdeg inaan u soo roorro waa, daw lad alabkeede
Ma dul keennay kuman duub cadoo, wada Daraawiisha!
Dikri hadduu ku soo galay xarbiga, aniyo duulkaygu!
Dayaydii horteedaba baqay, dabada taageene!
Diigaanyo ciidana miyaan, daafta kala raacay!
Sidii aar daloombi markaan, ugu dinnahyeeyey
Dulihii shareerraa markuu, dibawga jiiraayey
Daanyeerku meeshuusan marin, dani ma jeexsiisay!
Danbi ma leh cadaawaha ninkii, deli ka xooraaye
Derajuu Ilaahiis ka heli, labada daaroode
Dabku iima naxo nimay, kufriga deris wadaagaane!
Ferenjiga direyska leh kuwii, diiradda u qaaday
Iyaguba dariiqada Alliyo, diinta caasiya e
Waxay noo duleedsheenba waa, door weynaha e
Dulmigaan bannaanayn kuwii, doofil ugu hiisha
Haddaan daayo waa aniga oo, daawadii furaye
Danabkii rasaaseed miyaan, diillin kaga yeelay?!
Dareemada ka badan meydka yaal, didbta buureede
Dhiiggoodu sida doogsin roob, wawsagii duxaye
Dugaaggii hilbaha quudan jiray, loo dayaafadiye
Nimanyahow af laba daan leh, baan muranka deyneyne
Daleelaha cidlaa lagama shubo, hadal daleeleede
Ma duqaynay reer Bari, wuxuu doonayuu helaye!
Aniguba dilkoodaan ku helay, libin daboollayde
Daa’irada Eebbiyo markii, deeqa nala siiyay
Ma dabbaaldeggiyo muufahaa, duhur la gaarsiiyay?!
Duca awliyaad buu qabaa, degaha Tuurwaaye
Waa nimanka gaalada deldela, doog iyo abaare
Waa nimanka doofaarradii, daariguu jaraye
Roobkiina waa kaa u da’ay, duraha jiilaale
Waa kaa dalkoodii ballidu, wada duraabtaaye
Waataa arladii daahirtee, diib ka soo kariye
Cawskii dumayoobey baa, doog ka soo baxaye
Dallaqyadiyo dooxooyinkiyo, diisha iyo qaare
Dunqaarihiyo xamashkaa sidii, diriq la moodaaye
Maalkii diraacdii dhalaa, doobte loo culanne
Duunyada wax laga maalayaa, daranii caanoode
Rabbigii dawaa’iga sidaa, deeqi noo ridaye
Afartaa dujaye balaan mid kale, deelka ka higaadsho
Aan dabeebto eeggana halakay, damacday laabtaydu
Dowcad kalena waa Ina-Mashire, hadal aan deeqsiiyay
Aday deyrshay maantaan ahaa, duri xigaalkaaye
Adigay dafiray sidii anoo, duul shisheeye ahe
Waataynu derisnaye adaa, daawadii furaye
Doolaalo adigowgu tegay, gaalka duufka lehe
Adigaa dariiqada Alliyo, diinka caasiyaye
Goortaan ku daayana adaa, diiday nabaddiiye
Wax dhaaxaan dedaalkaa u maray, deli ciriiryoone
Wax dhaaxaan dunqaaraha lahaa, dib uga soo jooge
Maantaa dubbii kugu dhacaye, duxi ha kaa raacdo!
Waadigaa degagaye sidii, dalow u meertayso!
Ama deyrka xiro waa taqaan, dabin ishaalleeya!
Ama doofil qabo cayri waa, diifta kugu taale!
Ama quud duleedaada ka xaab, dereg haddaad weydo!
Ama daaliboo bari inuu, kuu dawaro uunku!
Ama duunyaraac noqo cidlaa, kaaga sii darane!
Ama doonyihiyo Saaxil iyo, Cadan dillaaleyso!
Ama dooy u dhoofoo u carar, dalaan la gaareynin!
Ama sida dirkiinnii cashriga, dogobbaduu raaro!
Ama duurgal iyo tuugo iyo, dagati uun dhawro!
Ama dahada gaal baad tahaye, dacay ha kaa saarto!
Ama dooraweynow baqdaye, dirir u soo joogso!

Waxaan ka qoray Ciise Faarax Fikad.

  1. Daallo: Waa buur arag wanaagsan, dhir kala duwanina uka baxdo, oo dadku waa u temeshle tago. Toban mayl bay u jirtaa magaalada Ceerigaabo xagga waqooyi.

Ararsame Dalkiisii ka Carar

Waxaan meela kala duwan ku sheegnay in Daraawiish xan iyo bareerba lagu yidhi: Ciid, Nugaal iyo dhulkii dalsanka ahaa waa ka carareen markay degeen Ayl iyo Ilig, taasi waxay ahayd hadal aan sal lahayn, xeeladda Daraawiish iyo ujeeddadooduna waxay ahayd ildayasho, dabadeed maalintii dambe ayay caynka hoosta ka soo geliyeen oo Ciid iyo Nugaal shafka dhigeen, meel kasta oo lagama maarmaan ahna daar ka dhisteen. Kolkaasay dadkii aan Daraawiish oggolayni Nugaal ka carareen. Sayidku gabay ayuu mariyey oo wuxuu yiri:

Ararsame dalkiisii ka carar, door ahaan jiraye
Deexdii Nugaaleed ka baqay, doora weynuhuye
Duuflaale goortii colaad, loola daaljiraye
Dul jooggii badnaa baa eryiyo, dooyadii farase
Diide oo fakade waa waxay, dir u lahaayeene
Kala dide finiinkii sidii, deero iyo cawle
Durdurka iyo darantii ma galo, deebluhuu dhaqaye
Daaraan ka simay ceelashii, dareyda weynaaye
Derbi baan ka riday fereenjigii, dooraduu dhigaye
Dabcigayga uun baan aqoon, duunka uu yahaye
Sidii dowra mudaha waxaan, dibedda meraayay
Dabaqaan la helay gaalo, waan damacsanaa show e
Dabool igama saarreyn inaan, degayo Ceelgaabe
Dib wuxuu ahaan laguma ogayn, deeqa Eebbahaye
Daliilkaa nin ragi waa ogaa, doqonna moogaaye
Dan-u-guurka maantaan arlada, shalay dawaafaayey
Dacwaddoodu waatay ahayd, durug wadaadkiiye
Dadow maqal waxaan soo dul furay, dararkii Caymeede.

Waxaan ka qoray Caasha Shiikh Cabdulle.

Wiilyahow Daloombiyi

Guyaashii Daraawiishi calankeedu horay u socday, dadkuna si lixaad leh hiyiga ugu hayay inuu raaco, ayaa Maxamuud Cali Shire iyo degmadoodii oo dhami iyo madaxdoodii oo dhammi xarunta u soo guureen oo Daraawiish ka mid noqdeen.

Si layaab leh oo aan cidna horay loogu samayn ayaa Sayidku u soo dhaweeyay, waana la xididay oo wuxuu guursaday Maxamuud Cali Shire walaashiis, Bullo Shubato. Dab iyo xoolo aan la qiyaasi karinna waa siiyay.

Hase yeeshee, muddo ka dib baa dareen kala galay, dabadeed Maxamuud iyo degmadiisii habeen madow ayay xaruntii ka guureen oo waxay ka soo jeesteen Calmadow iyo guudkeeda.

Sayidku taa waa garaysan waayay oo ergo sammaan doon ah ayuu u diray. Ergadii waxay war la soo noqotay gabay uu mariyay Daadeey Maxamuud Ismaaciil oo halkudheggiisu ahaa:

Wadaadkii Ogaadecn mindhaa, uma wadiiqeeyo
Mar haddaan ka wabaxsaday mindha, weeye ma iraahdo.

Sayidkii wuxuu u qaadan waayay nimankii uu wanaaggii la ogaa u hayay oo habeen madaw xaruntii ka guuray, ergadii loo dirayna tixgelin waayey, hanjabaad iyo baane iyo hadal xumana soo diraya.

Isagoo Sayidku la hadlaya Maxamuud Cali Shire iyo dadka uu madaxa u ahaa, ayuu mariyay gabayga soo socda. Waxaan ka qoray oo aan kasoo guuriyay xaashiyo Sicid Maydh qoray oo aan ka helay Cabdullaahi Qarshe I957kii, wuxuuna Sayidku yidhi:

Wiilyahow dalombiyahayaa, dood aan ku iraahdo
Nin iblays derderay baad tahaan, doocna garanayne
Dabuubtayda maqal waadigii, duuja soo naqaye

Adoo cayr la dulguleyn haddaan, duunyo kugu miisay
Oo deebla geel iyo fardiyo, dahabkii kuu dhiibay
Ari daab masaalkiya haddaan, idin dabaalsiiyay

Haddaan daabbaddii iyo hubkii, idinla daaweystay
Oo aan dunjiga Cali Garaad, duub cad wada saaray
Asaan dowlad kaa dhigay maxaad, duule igu maagtay?

Derajiyo wanaag iyo waxaan, sedo ku deeqsiiyay
Adaan daalinoo socon waxaan, dacalka kuu dhaanshey
Deeqii aan kuu galay miyaad, dadduufyahow eedday?

Daarood anaa kaaga roon, duri abiidkaaye
Wax ku dilaya mooyee ma jiro, axad ku daayaaye
lyaguba dulmay igu faleen, dereg la’aaneede

Oo diifta igu taalli waa, dacatigoodiiye
Goortaan dareemaa qalbigu, ila dawaafaaye
Maxaa dabada kuu suray, nimaan dirirrayoo gaala?!

Afartaa dabraye balaan mid kale, doqonka gaarsiiyo
Bal haddaanu diinkiyo sharciga, dooc ka garanaynin
Oo uu dammiin yahay bal muu, daacufluhu joogo!
Mar hadduuse duullaan gabee, igu dabbaalaynin
Deelqaafka uun buu u xilan, dururuqdiisiiye
Wuxuu dooni inaan ceel dad liqa, dalam ku siiyaaye!

In dawaarku mari waa hubaa, duhur dharaareede
Nin deebaani baaruud situu, daalibahayaaye
Aar diririglayn iyo wed buu, dibad u joogaaye

Mowjada duryami buu galiyo, dirir colaadeede
Duufanka Xiis baa la tegi, dooraweynaha e
Dabaylihiyo foorahana sow, kuma daliil qaato?!

Mar haddaan dagaalamo facay, duudsi ma aqaane
Ingiriisba dibbirooti baa, diiray lowyaha e
Dangaraadyadii buu kufrigu, dalan kacaayaaye

Daandaansi ina-Aadanaa, loogu dowgalaye
Dambaaburo kolkay taabataa, duurku ololaaye
Duulkoodu muu naga ceshado, daaca-qurunkiisa!

Dusha inaan ka rari waa la hubaa, sida dameereede
Hadhow bay sida dayrdhal geel, soo dunuunuciye
Allow yaan intaan danab ku dhicin, daaddufka u sheega!

Waxaan helay isagoo la qoray 65 sano ka hor.

Wiilyahow Dammiin Baad Tahay

Mar labaad ayaa Sayidka iyo Maxamuud Cali Shire dagaal dhex maray oo Daraawishi xoolo badan ka soo qaadday, markaasaa Sayidkuna gabay yar oo digasho ah ku yiri.

Wilyahow dammiin baad tahaan, doocna garanayne
Dubaaqaa ku awdane sidaa, uma dufowdeene
Doqonniina keliyaad ku lumi, daayinkay magane!

Dadka nimaadan gaaraynin baad, daalib leedahaye
Daruuraha cishriga waxaad qabtaa, inaad ku duushaaye
Waxse diiday saad damacsanayd, dan iyo taagtaaye

Dacartii aan kuu qooshay baa, duufka kaa qubaye
Waxa diifka kuu yeelay waa, daayicii shalaye
Daalkii manjaha kaa qabtaa, diiray boqontiiye

Mar haddaanad dirir soo gelayn, adiyo duunkaagu
Dudmadaaba kaa roon sidii, dumar haweeneede
Duri midaan tarayn baad tahaye, duulahayow joogso!

Nimanyahow Dembow Lama Hadlo

Sayidka siyaasaddiisu waxay ku dhisnayd, ninkuu doonaayo inuu soo dhaweeyo ama soo xero geliyo ama xiriir la yeesho, iyo dadkuu jeclaado inay Daraawiish ku soo biiraan ama reerkii qabno iyo qooro mid kastaaba ha ahaatee qarannimo iyo waxtar lagu ogaado, inuu gabdho wacan u dhiso xoolo iyo xarragana ugu daro, ama isaga iyo madaxda Daraawiisheed ka guursadaan. Ujeeddadu waxay ahayd si labadaa dhinac xiriiku u fiicnaado, kadibna laysu afgarto oo wax loo wada qabsado, maxaa yeelay waayadaas iyo ka horba Soomaalida guurku qaayo iyo qiimo weyn buu la lahaa. Sidaas daraadeed ayaa Sayidku saddex gabdhood oo walaalihiisa ah u kala dhisay saddex nin. Kan u horreeya waxaa la oron jiray Ciise Dhoollawaa, wuxuu ka dhashay guriga reer boqor (Maxamuud Yuusuf), waxaana loo dhisay Rooxo Shiikh Cabdille, ninka labaad wuxuu ahaa Shiikh Ismaaciil oo ahaa nin buuni ah oo cilmi badan, waxaana loo dhisay Jamaad Shiikh Cabdille. Kan saddexaadna waxaa la oron jiray Nuurxaashi Cali lbraahin, oo ka dhashay guriga Reer Garaad, wuxuu u dhisay Cambaro Shiikh Cabdille.

Haddaba, horaa waxaa loo yiri: “Fiqi bahdii kama janno tago e, Sayidku markuu nimankaa ka waayay siduu ka doonayay, ayuu gabaygan calaacalka ah mariyay, oo wuxuu yiri:

Nimanyahow dembow lama hadlee, daa’imaan ahaye
Doqonniimo kaliyaan u mari, dabin ciriiryoone
Haddii aan digatoonahay, sidaa uma dufoobeene

Dubaaqii waxaa igala tegay, daqarradii show e
Nin i dagaya doog iyo abaar, deris ma moodeene
Darajooyin kama buuxiyeen, daallin ii cola e

Dugaye Rooxa1 deeq uma baxsheen, dahab la mooddiiye
Deynqaad Jamaad2 uma dhiseen, dakhalkii dheerayde
Daan yacay ma siiyeen Cambaro3, daadduf reer Bariye

Daaldaaladkii guri markay, dan u dhaqaaqayso
Xubna daaci goortay sidii, dani u laafyooto
Cagta debec leh daandaansintiyo, dininix yeeraysa

Dad kale daleel kagama tago, durriyaddiisiiye
Daayacaadda anigaa ku falay, dawladdii Nebiye
Dulbaaxdii nin raga loo ogaa, daaddufyaa helaye

Bal haddaanan duunyo ugu xilan, dabadyadaan siiyay
Oo ayan dirir ii galayn, diinna garanaynin
Goortii la dahay maa dhurwaa, dalandalkii qaato!

Gabaygan waxaannu helnay isagoo la qoray 1329 Hijriyad.

  1. Rooxo: Rooxo Sheekh Cabdille.
  2. Jamaad Jamaad Sheekh Cabdille.
  3. Cambaro: Cambaro Sheekh Cabdille.

Calanside

Iyadoo Taleex la yaal, ammintuna barwaaqo tahay, ayaa Daraawiishtu waxay is dhex mariyeen faraska Muuse Shiikh Cabdille oo la oron jiray Saa’ildoon, inuu ka dheereeyo faras markaa Sayidku lahaa oo la oron jiray Bood-dhegayseed.

Sayidkii xantaas hadduu maqlay waa u qaadan waayay, maantii dambe ayaa labadii faras waxaa loo saaray tartan iyo bedertan. Dooxda Guryasan oo ceelka Taleex dhinaca waqooyi-bari ka xigta ayaa lagu bedray, saddcx goor haddii laysku ceshayna faraskii Sayidka ayaa orod badiyay, duub cad baana qoorta loogu xiray. Maantaas dabadeed, faraskii wuxuu la baxay Calanside, Sayidkuna wuxuu u mariyay gabaygan:

Ninkii door ahaan jiray, hadduu dirir ka waayeelo
Hadduu daabacaadyada meel dhigtoo, daacadda u jeesto
Doqonkiyo haweenkaa u fila, daaldhe caalle ahe

Sange door ah oo laga yiqiin, dunida guudkeeda
Dooyada haddii laba sabeen, laga daddaabyeeyo
Darmaan haatan kacay baa la oron, kanaa ka door roone

Calanside1 haddii lagu danniyey, daalis iyo gaabin
Daraawiishta oo idil hadday, daabbadda u fuushay
Dalaad dheer haddii lala tagee, la isku soo daayey

Libaax kama digsiiyow qalbigu. waygu diirsadaye
Dayaydii horeetaba miyuu, daafta sare meeray

Dadku wuxuu ku faanaa waxaan, duxi ka raacayne
Sidii doxorka Iiddoor bay, dururuqleeyaane
Duhur bay ahayd maalintii. duubka loo xiraye

Dacwadaasna waa la og yahay, Dir iyo Daaroode
Daandaansi wiil ka yar waa, laga diqoodaaye
Goortaad dagaal ula tagtuu, dib isu laabaaye

Duqii Muuse1 koolkoolin jiray, deex ma kaga rooray?
Goortuu u dooddiyay miyuu, dalalagluu rooray?
Allaylahay dambow lama hadlee, dawlad fasakaa ah!

Waxaan ka qoray Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon 1957kii.

  1. Calanside: Wuxuu ahaa faras caan ah oo ka mid ah fardaha Sayidka u gaarka ah.
  2. Muuse Shiikh Cabdille Xasan.

Doodna Waxaan u Leeyahay

Guyaashii Daraawiishi calan walleyneysay ayaa xaruntii col lixaad leh laga dumay. Hase yeeshee ninna kama war qabin, mana garanayn colkaas meesha lagu duulin doono, niman yar oo madax ah maahee. Xaaji Suudi Shabeelle oo qusuusida Daraawiishecd ka mid ahaa, Sayidkana afhayeen u ahaa ayaa jeclaystay inuu ogaado colkaasi meesha uu ku duulaayo. Markaa Sayidkii buu ku yiri: “Sayiddii aan colka Isaaq ku duulinno, siiba Habaryoonis.” Hadalkaas Sayidku wuxuu u qaatay digniin baxday. Isagoo canaan iyo guubaabo ugajeeda, dadkana qayb walba gaar ahaan ula hadlaaya, wadaaddada, maatada iyo dadoo idilba, ayuu wuxuu mariyay masaafo. Waana maanso jiifta ah tan ugu dheer. Wuxuu yiri:

War Suudoow1 dagaalkaba, anigu dooni maayee
Dunjigiisha Iiddoor, duudsi baan ka yeeloo
Dibindaabyo Habaryoonis, dacwigu iima qabanoo
Dagaal Sugle Caynaanshe, durqunkiis ka dhaartoo
Danabbada Ammaan2 dhalay, daawaa naga dhaxaysoo
Dabar hadduu ka baylaho, dubkaa ii xanuunoo
Denbi igama raacoo. daacad weeye saasoo
Darwiishkii Suldaan-Nuur, duudkooduu ka beermoo
Ciidagale ma dooraa, an danqaabi maayoo
Duubigay calaamayn, Diiriyaannu3 xididnoo
Dayax-weerar4 jeer hore, rag baa igu dukhuuloo
Dadka Nuux Ismaaciil, dudmo igama haysoo
Reer Yoonis dayr hore, waa tuu diiday gaalkoo
Markuu uunku dabagalay, waakii doc uga leexdoo
Wax kastoo loogu dowgalay. waataan la deynoo
Hiigaanyo xoola ah, waatii laga dareershoo
Deyn iyo dulsaar badan, waatii laga dadduucoo
Awgey danafka baas daa, diradiro ma fiicnee
Nin duqaan ku moodaayaye, daa’imo miyaad tahay?
Dacwigaan bannaanayn, maxaad uga dan leedahay?
Ina-Shixiri5 baa dilay, danyadiyo islaaxoo
Ragguu dahabka dhaafsaday, caraa wada dig-siisoo
Door buu is moodaayey, waase doora waynee
Ma ku dayatay waadigaa, wax duqlaalinaayee
Maxaad uga dan leedahay, duullaanka aad humi
Dawo lagama helayoo, dur baa lagu halaagmiye
Ninna duuli maayo, cirka uma dafaayee
Waxa dunida joogaba, dookhaan laguma ridayee
Degmo haatan dhaqan baan, duug laga arkaynoo
Reero duunyo haystaa, cayr dulugle noqonoo
Dagaaggaa wuxuu tegi, dekeddii Cadmeedoo
Wiilal deeb marsaday baa, waraabuhu duddubinoo
Meyd dogob la moodaa, dugsiyada warnaanoo
Wax la dooxo mooyee, dar kalaan jireynoo
Lag duub leh oo dab weyn sida, daaqad looma helayee
Deebaani baaruudda, dalkuba waa ku ololiye
Fardaha dininigtoodaa, doy looga qixiyoo
Doonyadaa waxay tegi, Adari daafaheedoo
Wixii deebla geelaba, duhur baa la qabanoo
Maqribkaa hadduu dumo, dalaad lagu arrumiyoo
Iyadoo daruur u eg, ama daad masaalkiya
Markii waagu daalaco, Derbi waa la kicinoo
Senga duubi weyn baa, hadba doca ka geliyoo
Daliilkii Ilaahiyo, dikraa lagu kaxaynoo
Dugul maraqa ay luli, dabada loogu xiriyoo
Debeq lama uleeyee, daaqsin bay u soconoo
Kuwii deero foofsaday, dugaaggaa la siiyoo
Daabbaddiyo hubkoodii, dorraataa la helayoo
Dayayadii horeetaa, rasaas lagu digsiiyoo
Dawanka iyo sowdkaa, dilalyada ka kicinoo
Inay soo digigixi, dibaey lagama yaaboo
Ninkii deys ahaa baa, boqol loo dawariyoo
War Daarood libtuu helay, dayib iima aha oo
Anigoo Dariiqaa6, asagay dulmiyayoo
Raggii daahirka ahaa, asagaa dulleeyoo
Nasaarada dirayska leh, asageygu diraayoo
Markaan diirtay ferenjiga, iyagay duleedshoo
Maandhoow kuu duceeyaye, dabuubtayda maqaloo
Ma duuloow wixii lumay, maanta haw daliil noqon
Afartaa dubbeeyaye, ma daabacay sidaydii
Ma daleeyay maansada, dammiin baan aqoonine
Hadal diirsimaad gala, duri waa u oron jiray
Doodna waxaan u leeyahay, kuwii diinta caasiyay
War haddii laga diday, sida deero iyo cawl
Rabbi nama dulleeyee, Cawar maxawla deristeen?
Eygi doofisha lahaa, daaha maxawgu rogateen?
Dumarkii idiin dhaxay, dala maxawga yeesheen?
Doofaarkaad qalaysaan, sow kama diqootaan?
Dulligiyo cadaabkii, maxaa kiin isugu daray?
Durriyaddii iblays iyo maxaa, daadduf idin qoray?
Dariiqii rasuulkiyo, dawgii maxawga bayrteen?
Xaqa aan daboollayn, maxaa idinka soo deday?
War sow derajo aakhiro, rabbi kama damcaysaan?
Xuuralciinta diibka leh, war maxow dalaaqdeen?
Durdurkii fardowsana, dacni maxawga yeesheen?
Dibjiryadiyo guuraha, dafdaf maa u roortaan?
Dacas lama jiifee, xaqa maw dedaashaan?
War hooy deeqa Eebbiyo, janno maa u dirirtaan?
Daqarkiyo dubaaqada, dacar haddow malayseen?
Dumbuq ninkii aan lagu ridin, dan la’aanba waw dhiman
In kastaad dedaashaan, ma naf baad damcaysaan
Haddaan dunidu waarayn, miyaad daa’imaysaan?
Duqyaankii Fircoon iyo, aaway daarihii Caad?
Qaaruun dad iyo maal, damug baa la siiyoo
Tacaddiguu Samuud falay, faddamdama ku noqayoo
Waxaa loogu daw galay, Daaq iyo Gureeyoo
Nebi Nuux kuwii dagay, duufaan baa la tegayoo
Dooniduu samaystiyo, dooshi buu ka korayoo
Docogaysigii Luud, doogtiisii la aragyoo
Nimankii darribi jiray, Rabbi waw darraadoo
lyagaan digniin qabin, malaa’iguu u dirayoo
Dambasyaalla culus baa, dusha lagaga ridayoo
Nin kastoo digniin qaba, maruun baa la dagiyoo
Dooxanaha mowdka ah, diric kama geleysaan
Haddaan beendabaad ahay, aaway dowladdii Iram?
Aaway doorarkiinii, danlahelayda qabi jiray?
Ma daleelay maansada, dammiin baan oqoonnine
Afartaa dubbeeyaye, ma daabacay sidaydii
Hadal diirsimaad gala, duri waa u oron jiray
Doodna waxaan u leeyahay, culimada dafaarka ah
War an idinma doocine, idinkaygu diimee
Dalkaad iibiseen baa, dacarta igu kiciyaye
Shan haloo idiin daran, dannigiin ka fiirsada
War waa inaad dayowdeen, diirad haddaydin qabateen
Dadka aydin raacdeen, isna waydin diga gubi
Dillaalkii la siiyana, dunna kama helaysaan
Ninkii idin darraabana, ajri iyo ducuu heli
Dibna deeqa Eebbahay, dibinta saari maysaan
Diin niman lahayni, dameer caynsan weeye e
War maxaa dufulayahay, cadaawe ugu daranteen?
Wanka doosha weyn iyo, ma dagadaad u xilateen?
Qandiga mayska duubtaan, dawarsigu ma fiicnee!
Awyaalow ma diiddeen jahaadka maw dareertaan?
Warma danana iyo seef, degta maad ku qaaddaan?
Darmaan haad la qooqdiyo, Doolaab maa u fuushaan!
Wiyilka diirkaqaadkaa. bidixda mawgu dadabtaan
Doobbiga xammalkaa, dakarka maa ka goysaan
Daacufleyda madidaa, degdeg maw xabbaadhaan
Idinkaa dalkaba lehee, dowlad maw ahaataan
Illeyn doqoni calaf ma leh, dulbaax maxaa ka baylahay!

Afartaa dubbeeyaye, ma daabacay sidaydii
Ma daleeyey maansada, dammiin baan aqoone
Hadal diirsimaad gala, duri waa u oron jiray
Doodna waxaan u leeyahay, da’ kastaba ha noqotee
Kuwii diinta qariyow, idinkays dilaayoo
Nin dalkiisii iibsaday, dulli buu ku waariye
Ninkii gaalka daba gala, darxumow dambaynoo
Naftu hadday ka duushana, dalku waysu diidiye
Inuu haadku diirdiiri, waa sida daruurtoo
Dulbaaxiisa feeraha, dab baa lagaga shidiyoo
Hadduu waayo darib cuno, waa laga dambaynoo
Ninkiise dawga dhaafaaya, dawo looma helayee
Digtoonaada weligiin, dunidu waari maysee

Doodna waxaan u leeyahay, dumarkiyo carruurtoo
Dadkii idinka weynaa, hadday idin dulleeyeen
Danbi kama ay yaabine, cuntay idinka doorteen
Duunyaa la dhaafsaday, dugsigaad geleyseen
Dameerkuna ma yeeleen, halkay talo ku daysteen
Dab intay shideen bay, dalaq idinku siiyeen
Doox intay qodeen bay, ciid idinku daadsheen
Nin idiin damqanayaa, idin kama dambeeyoo
Haddaydaan digtoonaan, daad baydin qaadiye
Duleeddada kufaartaa, dacas idinku laynoo
Naf dalkaaga doonaysa, firaash looma daadshoo
Dabkan aan shidayaa, dawadiinna weeyee
Dariiqii Rasuulkiyo, dawga ha ka bayrina

Dood kalena waa anigiyo dan iska sheeggay
Xalay sida digaaggaan, dar Alluun isaga ciyay
Habeenkoo dalool tegay, dibeddaan isaga baxay
Dermadiyo furaashkii, dugsigiinna kuma ledin
Dhaxantiyo dabayshii, daleel baan u kuududay
Dowliilkaa ii joogaye, qalbigu way dawaafsamay
Dalal iyo Subayr baan, Daratoole7 ugu tegay
Aararsame wuxuu degay, Dooxiyo8 mareerkii
Maalkay inaka deebsheen, dareemada ka badan
Doogna waa cunaayeen, danaagna wawgu leeyahay
Waana durbaansanaayeen, waana dabbaaldegaayeen
Duujo iyo cay iyo, durruqaan waa shubaayeen
Anaa Doollo weeraray, anaa deeradii helay
Dibtaa geesiyaan ahay, daaxuurradaan gani
Daraawiish anaa helay, dumarku wawgu heesaan
Waxnay igu danqaabeen, Rabbi haw darraadee
Annagaa sidii dogob, duur idinku hurinoo
Annagaa nooga durugteen, dagalkiyo ruktiinnii
Waxnay igu dardaareen, Rabbi haw darraadee
Ama dalawi naga hele, ama dabata qaayiba
Ama digada naga gura, ama dirir u joogsada.

Waxaan ka qoray Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon, 1967kii.

  1. Suudi: Xaaji Suudi Shabeelle. Wuxuu ka mid ahaa qusuusida Daraawiishta, wuxuu kaloo ahaa afhayeenka Sayidka, waxaa lagu diley Bixin iyo Waw (Garoowe) 1919kii, waxaana diley ciidamadii Ingiriiska.
  2. Ammaan: Ammaan Suldaan Diiriye Sugulle, danabbaduu dhalayna waxay ahaayeen sagaal.
  3. Diiriye: Suldaan Diiriye Suldaan Xasan.
  4. Dayax-weerar: Waa duullaan Daraawiishi dcgmooyinka galbeed ku gashay.
  5. Ina-Shixiri: Waa Cabdalle Shixiri. Wuxuu ahaa xoghayaha dibadda Daraawiishta uga dooda. Gadaalkiise waa ku ballan furay oo wuxuu raacay Ingiriis mar xoolo badan lagu bantookhay.
  6. Dariiqo: Waa magac labaad ee xarunta Daraawiisheed la oron jiray.
  7. Daratoole: Waa balli ka mid ah todobada balli ee loo yaqaan Haraxodayood. Waxaa ka dhacay goob xun oo dhex martay Daraawiish iyo Ingiriis 1902.
  8. Doox: Waa doh Hawd dhex marta oo mareer badan, geeluna ku naaxo.

Daraawiishta Saalixiya

Raggii taariikhda Daraawiisheed aqoonta dheer u lahaa waxay wariyeen in boqol nin oo Daraawiish ah ayaa ilaalo ama korjooge loogu diray Galbeed. Degmo degmooyinkaa Galbeed ka mid ah oo geel ka soo dhaceen, iyagoo ugu marmarsiiyoonaya inay haray Daraawiishta geel uga dhaceen.

Boqolkii nin oo geelii wata, waddadana soo haya ayaa Reer Dalal helay. Kolkaasay nimankii qoorta ka gureen, meydkoodiina waxay ku gureen ceel la yiraahdo Af Yaraaaddo. Sayidkii haddii loo sheegay raggii in la laayay, isagoo Daraawiish ku guubaabinaya inay duullaan lixaad leh u humaan, doonaayana dagaal wacan inay ka geystaan oo nimanka raggoodii laayay ka xarrago qaataan, ayuu wuxuu yidhi:

Daraawiishta Saalixiya ey, dood aan ku iraahdo
Dammiin baan aqoon meelihii, loogu duurxuliye
Dacwad gabana yaa iga maqloo, duco san loo yeelay

Kuwii dahabka idin dhaafsadee, dabaqa loo buuxshey
Oo daarihii Saaxil iyo, Cadan u duumaysan
Aan kula dadba ahayn waryaan, deris xigaal moodin

Dabatoobka Iiddoori waa, idin dagaayaaye
Waa daallin Ina-Shixirrigii1 daamanka xumaaye
Ninkii gaal la daawa leh war hooy, diida taladiisa

Daryaankii rasaastii markay, dininigtii yeedhay
Ninkii lagu dareensaday inuu, idinka duuflaali
Dabbaraare weeyee war yuu, dabin idiin qoolin

Dabci lagama guuroo berrey, didi sidoodiiyee
Dooggaa inuu sabbahayiyo, doonahayaa yimiye
Dufulahaa arkaysaan war maa, laga digtoonaado

Dabatada inoo timi hadday, derajo soo weydey
Deeqaynu siinnaaba waa, ina dambaabsiine
War yaan loo dawarin wayagaa, doortay gaalada e

Dagaalkii nasaarada kuwaa, daabaca u qaaday
Ee ina duleedshee lahaa, Dir iyo Daaroodba
Intaad dunida joogtaan war, yaan duudsi laga yeelin

War yaa duubcaddii2 garanhayoo, dib u qammuunyaysan
War yaa daabbadduu fuuli jirey, darabka saaraaya
War yaa duhurka maantaa tolow, ila dareeraaya

Reer Dalal war yaa doonaayoo, duullan bixinaaya
Dad iyo duunyo yaa reer Subayr, damug ka siinaaya
Yaa diinta Eebbiyo sharciga, diriray oo raacay

Dakankii maqnaa yaa lahaa, sow la deyi maayo?
Sow danabbaddeennii la dilay, loo dub nixi maayo?
Ma dameer la raray baynu nahay, didiba sow mahayno?

Yey dani ka haysaa raggii, Doollo3 lagu laayay?
Nimankii deldelay waafir, sow loogu dudi maayo
Duddihii Xirsiyahaa4, ma waan loo danqanahaynin?

Sow degaha Haaruun ma degin, ceelkii Daratoole5?
Dannood sow Guurraasiyo6 Iljeex7, deero kuma foofin?
Sow daahirkii Aw-Cabbaas8, deyn ku maqan maaha?

Dayrtiyo diraacdaba ma waan, la is dul tagaynin
Dunjigiis Ogaadeen ma waan, diiq la gelinaynin
Dooyada ma waan lagu simayn, Adari daanteeda

Dooxanaha tiirka leh ma waan, dhiig ka da’ahaynin
Waraabaha dalombiyi ma waan, darib la siinaynin
Ma waan lagu dabraynayn, rag waa kii dedaal badane

Maxaa loo dingiigaa, maxaa dadabta loo seexan?
Dugsiyada maxaa loo hurdaa, dacas ka qaadooyin?
Sow kuma deddootaan ilmada, dilliqlaynaysa?

War yaa dumarka aad guursateen, sow dumaal ma aha
Daa’iman agoomeedna sow, daaha kama buuxdo?
Sow kuma deddootaan ilmada, dilliqnaynaysa?

Duujada la soo naqahayiyo, danaf naloo keenay
Iyagaaba diifta aan qabo, iiga sii darane
War yaa sow dubaaqadda galbeed, idin ma doogayso

War yaa sow dariiqada run iyo, daacad uma joogno?
Sow derajo aakhiro waxaa, loo digriyi maaha?
War yaa inaa dareentaan Ilaah, deeqii waa badane?

War yaan sida dugaaggii Eebbahay, doorin dhogortiine?
Daanyeer sidiis yaan Ilaah, idin daldaalyeyne
War yaa maa is dooxdaan caraa, lala dillaacaaye?!

Gabaygan waxaan ka soo guurinnay Cabdi Cali Guuleed (Yaar), Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon iyo Abokor Seed.

  1. Ina-Shixiri: Cabdulle Shixiri wuxuu ahaa xoghayaha dibadda Daraawiish uga dooda, gadaalkiisii wuu ku ballan furay oo wuxuu raacay Ingiriis oo xoolo badan ku bantookhay.
  2. Duubcad: Tilmaan ciidamada Daraawiishtu lahayd.
  3. Doollo: Waa todobada ceel ee Wardheer, Walwaal, Waafdhug, Afyaraaddo, Uubataale, Garloogube iyo Yucub.
  4. Xirsi: Xirsi Cabdulle Khalaf (Xirsi-Akaal).
  5. Daratoole: Waa balli ka mid ah todabada balli ee loo yaqaanno Haraxodayood. Waxaa halkaa ka dhacay goob xun oo dhex martay Daraawiish iyo Ingiriis 1902dii.
  6. Gurraase: Gurraase Xaaji Cali, wuxuu ka mid ahaa raggii shirqoolkii Gurdami abaabulay.
  7. Iljeex: Xuseen Xirsi, wuxuu ka mid ahaa shirqoolkii Gurdami raggii abaabulay.
  8. Aw-Cabbaas Aw-Xuseen Muuse: Waxaa lagu dilay shirqoolkii Gurdami.

Doqon Baan Ogayn Suudiyow

Dagaalkii Daraawiisheed ee gumaysiga ku jeeday markii uu billowday, iyo markuu dalka Soomaliya aad uga fidayba, Sayidku wuxuu ku dadaalay inuu dalka qayladhaan gaarsiiyo si gumaysiga looga hortago, gaar ahaanna wuxuu warqado u diray culimada diinta. Shiikh Uways wuxuu ka mid ahaa ragga buuniyada ahaa oo laga filaayay inay jihaadka wax ka galaan, hase yeeshee ma yeelin. Yeelid la’aantaas Daraawiishi waa ku colaadisay, waxayna ku tilmaameen inuu Talyaaniga la jiro, dabadeedna waa dileen. Sayidku gabay yar buu arrintaas ka mariyay, in kastoo laga yaabo inuu badnaa, wuxuuna Sayidku yiri:

Doqon baan ogayn Suudiyow1 dahaya naareede
Wuxuu dookhaneeyo xumaan deli la meeraaba
Dambiguu falaayaa Uweys2 loogu dowgalaye
Candho dogoble goortaan dillaa roobku noo da’aye
Dabkuu shidayay Aw-Aaden3 waa diinta Nebigiiyee
Dambaahurada lahabkii miyuu naxarka deebeeyay
Daraawiishta Saalixiya waa oog aan damihayne
Dikrigiyo Ikhwaankii miyaa Eebbe derejeeyay.

Waxaan ka soo guuriyay Aw-Daahir Afqarshe.

  1. Xaaji Suudi Shabeelle.
  2. Uweys: Shiikh Uweys Dheere.
  3. Aw-Aaden: Wax noo sheega ma arag.

Daawad

Daraawiish alabkeedu wuxuu ahaa meeshii lagama marmaan ah, oo xoolaha u fiican ama oof ah oo cadow ka soo geli karin inay qalcad ka dhisaan, ciidan xoog lehna lagu jaado. Qalcaddii Daawad oo Ayl ka dhisnayd, Daraawiishina si gaara u fiirin jirtay. ayaa waxaa madax looga dhigay Darwiishka la oron jiray Dhowre. Haddaba nin madax ah oo ciidan wata ayaa qalcadaha loo diri jiray si uu u soo eego waxay ku sugan yihiin, ololoheeda iyo feejignaantooda.

Ismaaciil Mire oo rag wata ayaa Sayidku jeer u diray qalcaddii Daawad. Hadduu tegay oo indha-indheeyay meeshii waa uu u bogi waayay, wuxuuna arkay ceelkii qalcadda ku yaallay oo aan hagaagsanayn, xaabada habeenkii la shito oo aan badnayn iyo xoolihii oo aan deyrku u adkayn. Dhowre wuxuu ka baqay inuu Ismaaciil Mire war xun ka geeyo oo dabadeed la xujeeyo, markaasuu Ismaaciil gabaygan sii faray oo wuxuu yiri:

(D)
Ismaaciil1 adaan daayinkaa, diinta laayicine
Markuu waagu daalaco adaa, dowga sii mariye
Dacwaddaan ku faro iiga gee, daahirkii weliga
Ha daayicin walaalow adaa, kheyrku kuu duxiye
Daraawiishta qeybsii intaad, daacad ugu sheegto
Duca waalid waa qabi jirtee, dalidhac haw yeelin
Daar nimaan lahayn baa digniin, dani ka haysaaye
Darajaale aabbahay haduu, Daawad2 nagu jaaday
Dooyada intaan galay miyaan, libin ku daanshooday
Hadduu dooraneynoow kufrigu, duullan soo bixiyo
Oo daarta Ayl yimi haddaan, haad ku dulufaaqin
Allaylahe afkaan soo dirsaday, waa daleel maran dheh!

Markii Sayidku Ismaaciil gabaygaa u kecnay. ayuu Sayidkuna isagoo Dhawre la hadlaaya wuxuu yiri:

Dhowroow dabuubtii aad tiri, duca qab ii keenye
Darwiishkina sheegyoo, ma qarin dacwaddaadiiyee
Hadalkii uu kaasoo damminay, diirka ka caddeeye

Dadku maqal dibnaa inaad ka liri, gaal cad baan diliye
Anna waan ku diirsaday Ilaah, derajo siiyoow e
Maandhoow dedaal yaadan noqon, daaduf been badane

Hadduu dooraweynoow kufrigu, duullan soo bixiyo
Oo soo dareersho wixii, Dir iyo Daarooda
Maandhoow dan haw gelin, fulaa sii dabayshada e

Dogobta iyo xaabadana guro, duquskanuu dhaanso
Durdurkana ha xaalaysanine, dararso laaskaaga
Duunyadana deyr adag u dhigo, yaanay kaa didine

Maandhoow ninkii dowladaa, kuu dagaallama e
Kuwii dumiyay Ilig waa, waxaan daahir loo dhaline
Maandhoow Daawad yuu inaka gelin, cadaw ku soo doontay

Maandhoow derbaan kuu dhisaye, dibedda haw boodin
Dabka hayska lumin, dowyo kaa ridine
Daartana ha bixin daaynkaa, duni intaad joogto.

Waxaan ka soo qoray Daraawiish kala duwan

  1. Ismaaciil: Waa Darwiishkii Ismaaciil Mire.
  2. Daawad: Waa qalcad degaan ah oo Daraawiishi ka dhistay Ayl, 1904tii-1905tii.

Dacayow Daallinkiiyow

Faarax Maxamuud

Caamir Sheekh Xasan oo Sayidka adeerkii ahaa, qusuusida Daraawiisheedna ka mid ahaa, ayaa ka tegay xaruntii Taleex oo wuxuu u kacay dariiqaddii Khaliif Shiikh Cabdille madaxa ka ahaa oo tiil agagaarka webi Shabeelle. Muddo dheer hadduu maqnaaa oo la waayay ayaa Sayidku koox Daraawiish ah u diray, warqadna waa uu ugu sii dhiibay. Hase ahaatee. markay xaruntii dibedda uga baxeen bay is weydiiyeen Sayidku ma wuxuu ina yiri Caamir soo kaxeeya, mise wuxuu ina yiri warqadda uun u geeya oo ka kaalaya? Markay labadaas kala saari waayeen bay dib u noqdeen oo Sayidkii u yimaadeen. Dabadeed Sayidkii intuu soo raacay ayuu wuxuu ku yiri Caamir warqadda u geeya kana soo noqda. Waa iyaga iyo ku Allahoode, kuwi taariikhda wariyey waxay yiraahdeen, Sayidku xantooba ciid ah intuu dhulka ka qaaday oo nin walba marada dacalkeeda xoogaa ugu shubay ayuu ku yiri:

Dacayow1 daallinkiiyow, dacayow daadufkiiyow
Haddaad diiney tiraahdo, waryaa Eebbahay ka daahyow
Haddaad duunyoy tiraahdo, dameer Eebbahay ma siiyoow
Haddaad diriray tiraahdo, …
Haddaad dooyoy tiraahdo, lugaa Eebhahay ka dabaryow.

Ninkaas uu Sayidku habaarayo ama uu yu’anayo waa Faarax Maxamuud Sugulle, oo loo yiqiin Faarax-Dacay ama Kaligiimaadhle, kana mid ahaa qusuusida Daraawiishta. Wuxuu ka baxsaday shirqoolkii Canjeel, dabadeedna Ingiriis buu u galay. Markay nimankii warqaddii Caamir gaarsiiyeen baa waxay ku tashadeen waddada Wardheer ka baxda oo Dannood marta, Buuhoodlena gasha inay maraan si ay u ilaaliyeen wax gaalo iyo cawaankeed arlada ka soo dhawaaday.

Waxay dhul Ilaahay soo maraanba iyagoo ceelka Wirwir la yiraahdo fardihii ka waraabsaday, Nugaalna afka ku haya ayay waxay helaan inan geel hallow ah raadinaya, markay waraysteenna, wuxuu u sheegay in Faarax Maxamuud Sugulle oo askar Ingiriisa wataa uu degay Laasadaar.

Waa niman dhulka aad u yaqaannee, intay fardihii wegeredka u adkeeyeen bay boholaha Laasdaar hoos u qaadeen, dabadeedna Faarax-Dacay oo hurda geed higlo ah oo bohosha madaxeeda balbalo uga dhisan tahay, ciidankiina ka kala maqan yahay bay arkeen. Faarax wuxuu ahaa nin dheereeya oo aanay farduhuna gaarin, Daraawiishna aqoon u leh. Hase yeeshee markuu gartay oo booday ayaa duubkiisii Ilaahay lugaha kaga dabray. Dhowr xabbadood intay raacsiiyeen, duubkiina ka qaateen, bay horay u jeedladeen. Markay dariiqaddii tageen ayay duubkii Faarax, Sayidka hor dhigeen.

Sayidkii markaasuu gabay mariyey oo wuxuu yiri:

Nin daroofle aqal daahya weyn, dadab la heedaamay
Darmo iyo firaash lagu gam’iyo, doonyo iyo raaxo
Dabaq timira doocaanni iyo, malab dul guuraaya
Dulbax kurus dayaafad iyo gool, daalam iyo googo
Dambar ramaga doobbiga la shubi, duraha jiilaalka
Duub wada xariiriyo dab iyo, daabbad iyo xoolo
Gabdho dahab la saariyo shunuuf, dananaglaynaysa
Danutacabka raalliga dabciga, dirashadii qoyska
Dab u shididda daregyeelka kale, duugmadiyo iyo gaashka
Durdur ceel sidiis waxaan halqiga, sedo dabaalsiiyay
Derajo iyo wanaaggii hadduu, duri lillayn waayey
Dul wada qaraabiyo tolnimo, duf hadday noqotay
Diin iyo Daraawiishnimo haddii, laysku deyn waayey
Dariiqii Rasuulkii hadii, la iska diidaayo
Asuu dudi shareecada ninkaad, daahir ugu sheegto
Hadday seeddinnimo door ahayd, Dacay nijaaseeye
Ha lays dilo dagaal waxaan ahayn, daawo lagu waaye.

Waxaan ka qoray Ciise Faarax, Fikad.

  1. Dacay: Waxaa lagu naynaasi jiray Faarax Maxamuud Sugulle.

Naagaba Dumaashaan ka Nacay

Gabaygan ujeeddadii laga lahaa iyo sababtii loo mariyay midna lama hayo. Axmad Xaaji Boqor oo ka soo qoray Darwiishkii caanka ahaa la oron jiray Xaaji Maxamad Cawl Ileeye, Eebbe ha u naxariistee, gabayga ujeeddadiisii kama soo guurin. Sidaas daraadeed war kutiri-kuteen ah waxaannu ku maqalnay in afo u dhaxday Sayidka walaalkii Muuse Shiikh Cabdulle, ay martisoor u keentay Sayidka iyo rag la fadhiyay, hase ahaatee soortii waa la ceshay markii loo bogi waayey, dabadeed afadii baa ka xumaatay, hadalna waa laga maqlay, kolkaasuu Sayidku mariyay gabay. Sidaan kor ku sheegnay ujeedada gabayga waa arrin baaris u furan. Wuxuuna Sayidku yiri:

Dumbul reer la joogtiyo waxaan daallin soo ururshay
Waxaan duunyo iyo xoolo iyo duni ka dhiibaayay
Waxaan deeblc geel iyo dabiyo daabbad bixinaayay
Aqal daahya weyn iyo waxaan min u daroofaayay
Dacaamka iyo dhuuniga waxaan daara uga buuxshay
Caanaha dabaasha ah waxaan deeqa uga yeelay
Dareyhimi xiriir iyo waxaan dacal madow siiyay
Waxaan boqor daliigya leh jilbaha dacalladow saaray
Jilbad dalalamlayn iyo waxaan dahab ka laalaadshay
Naagaha dumaashaan ka nacay dabin Alluu qoolye
Waa waxaan dadkeenniyo ahayn dowladdii Nebiye
Waa cadow dagaalamahayiyo duul shisheeye ahe
Waa doxorayaal aan xishood dooc ka garanayne
Waa waxaa kobtii diiqa iyo dowyadaas marine
Waa waxaa dallaaddahaa bannaan lagu dukhuulaaye
Waa wada dabrima diisan iyo dalab-sikiireeye
Waa wada dahaar siiban iyo daba dhurwaalay e
Waa wada dumbulo foolxun iyo madax danduulley e
Waa wada dameer gaaban iyo daaman baqalley e
Waa wada calool daas iyo dacay gafuur weyne
Mindi daab xun iyo toorray hay dabada haystaane
Wixii ay dareemaanba waa dooxanahayaane
Dareemmada cagaarka leh ka badan dayrdhalkay qalane
Lag dulbaax leh iyo Awlal bay damug ka siiyaane
Inkastay durduurlaan nacliga kama dafaayaane
Diihaal hunguri waa wuxuu doy ka dhaadhicine
Waa wada dunuunici sidii nirig diraaceedee
Wuxuun bay duqlaalinahayaan doog iyo abaare
Reeraha la soo degahayana deris ma moodaane
Daraawiishta oo idil ka neceb doofillaha gaala e
Inaan diintu sii waarin bay dacwadeysteene
Nin dillaal ku koray waa wixii dacasha dheeraaye
Deynqaadyadii baa i helay daaddufka ahaaye
Doqoniimadii buu la ciyay duhur dharaareede.

Waxaan ka qoray Xaaji Maxamed Cawl.

Xirsiyow Dadkii Waxaan ku Nacay

Gabaygan ujeeddadiisa iyo sababta loo mariyay wax inooga warrama lama arag. Darwiishkii laga qorayna nasiibdarro maannu haleelin inaannu ka warraysanno, sidaa daraaddeed sababtii loo mariyey weli lama hubo. Sayidku wuxuu ku halqabsaday Darwiishkii la oron jiray Xirsi Diihaal Halanje. Waxaa gabayga ka muuqata canaan waayeel eedsheegash iyo hanjabaad. Intaas ayaana nagu filan. Wuxuuna Sayidku yiri:

Xirsiyow1 dadkii waxaan ku nacay, waa dammiinimo e
Wuxuba waa dufulo waalan aan, doocna garanayne
Dawadooda meeshay ka heli, deyiba maayaane

Doqonniino kaliyey u lumi, nimankii Daaroode
Waa niman iblays duufsade, dow ka dhaadhiciye
Waa niman Ilaahay ka deday, labada daaroode

Waa niman dariiqada Alliy o, diinta caasiyaye
Waa niman shareecada dulmiyay, iyo Daraawiishe
Waa niman digniin aan ka qabin, dabaqi naareede

Waa niman darxumo kaaga iman, deeqii loo galo e
Waa niman dalaadaha ku qubi, darajadoodiiye
Waa niman dad kale raacayoo, deyr ka dhaadhiciye

Waa nimanka dibadduu bexee, sii dabeyshadaye
Waa niman canjeelkii dorraad, daawadii furaye
Waa niman qalbigu diiq yehee, doorsaanoo falane

Waa niman dubaaqoodu yahay, inay dareeraane
Waa niman dagaalkii kufriga, iigu duurxuliye
Waa niman aan lala doonahayn, dux iyo liibaane

Waa niman habaar loo dujee, duco ka beydhaaye
Waa daalimiin lagu hurshaa, dab iyo baaruude
Waa niman dad iyo maal Ilaah, damug ka siiyaaye

Waa nimanka dacaygii ku jaray, daaldhaha ahaaye
Waa nimanka deylkii hormaray, dabada dhuubnaaye

Waa niman sidii dumar haween, laga danaystaaye
Waa nimanka doobbiga noqdee, duud xammaalka ahe
Waa nimanka doofaarka qalan, doog iyo abaare

Waa niman digniin aan ka qabo, duq iyo waayeele
Waa niman dareen iga galaan, deyrka meersadaye
Waa nimanka daacuun jaryow, dilay ikhwaankiiye

Waa niman aan dib u fiirinayn, duug waxay noqone
Waa niman dambaabaan waqood, daahir noqonayne
Waa niman dafiray oo ka tegay, daacadda Ilaahaye

Waa niman dillaalkay cuneen, deyn ka buuxsamaye
Dibindaabyo waa niman wax badan, ila dul jeerraaye
Waa niman dakaanadaydii qabaan, duudsi noqonayne

Maandhoow nin ciil dilahayoo, duuban baan ahaye
Dadabtii la ii dhigay ma galo, toban diraacoode
Waxa diifka ii yeelay waa, caro daraaddeede

Haddii doobka caano ah, iyo karuur dacalka lay saaro
Haddii darab la ii soo dhigiyo, duqus la geedeeyey
Dibnahayga soor uma furoo, waa diqaysnahaye
Soomaalidii baan u dudi, daadufka ahayde

Waxaan daabacuu rabinayaa, dabadka Iiddoore
Dul ku neefle oo idilu, way daalibahayaane
Ha yeeshee dubbaha waxaan laga sugi, Doofil iyo Giibe

Waxaan duullankuu bixinayaa, duulka reer Dalale
Daa’irasan baan sugahayaa, deyrtaan dabadeede.

Waxaan ka qoray Saliid Baynax Aaden.

  1. Xirsi: Xirsi Diihaal Halanje

Diiriye Abuu-Jahal

Inkastoo aannu wax badan ku dedaalnay gabayada ujeeddadii loo tiriyey iyo danta laga lahaa inaanu helno, haddanna waxaa jiray gabayo iyagoo qoran aannu helnay, dabadeedna meel loo raaco la waayay, welina sababtii loo mariyey la baadi goobaayo. Waxaa ka mid ah gabaygan soo socda.

Diiriye Abuujahal hadduu diiday Nabigiisa
Oo duubkii xoorooy kufrigana diiradda u qaaday
Bal muxuu dariiqada la yimi daba xabuurraaye
Awalba waw u dareen qabay inaan daahir loo dhaline
Daaxuurka feeraha xumi ma aha Daaroode
Daanweynihii baa u wal qalay dabinta buurnaaye
Daaraha jannada inuu askumo diinta laga waaye
Doofaarka iyo eygu waa derajo dhaamaane
Denbi igama raacsana inuu yahay dirkii Koofil
Haddaan dayo dugaaggaa indhuhu waa ka didaayaane
Dubku kuuma qaban karo nimaan kuu dadba ahayne
Dabatoobku wuxuu igu cillayn dirirtii jecrkiiye
Dagaalkii ninkii ferenji buu iigu duurxuliye
Wuxuu iigu dudayaaba waa daallinkii lumaye
Wuxuu dooni inaan Eebbehay deeqi ii imane
Anna diifta igu taalli waa dacatigoodiiye
Daqar iyo dubaaqiyo diliyo daabbad iyo duunyo
Dakankeyga maqan baa ka badan digada xoolaade
Cali-Gerina waa doorrannaa duunka ka horow e
Dayax buu ahaa iyo shamsada mari dusheennaase
Waa dowlad nimankuu Hindigu daabka ku ulayne
Waa dabato nimankii lahaa deero iyo cawle
Dawar looma shubo wiilashii damaca waallaaye
Daahiyad xun baa lagu jirrabay doog iyo abaare
Adigoo daliilkaas qaboo ciil la duluglaynin
Asaanad guuto dabablay ah iyo duullan bixinaynin
Miyaa lay dalbaday maaggu waa dowgalkii hore e
Dumarkii Cadmecd buu yiqiin inuu dukhuulaaye
Dabar baa Ilaahay ku xiray darab la’aaneedee
Doorada ha qubo waa wuxuu doonayuu helaye.

Waxaan ka qoray Axmed Cali Abokor, Darwiishkuu ka soo qorayna lama yaqaan.

Xirsiyow Dabuub Gabay

Darwiishka la oron jiray Xirsi Diihaal Halanje, ayaa Sayidka dhowr gabay oo kala duwan u mariyey, kuwaasoo uu ku leeyahay Daraawiish goobtii Jidbaalle ayaa lagu jaray (Jidbaallena wuxuu ahaaa goobta keliya ee Daraawiishta lagu jebiyay, tii diyaaradaha maahee). Ninkani Sayidku wuxuu ka doonaayey in duullaan la wado oo Daraawiish dagaal gasho, raggii la laayeyna loo aaro. Wuxuu kaloo Sayidku weydiisanaayay xoolihii baa jiilaalka dhaafiyaye in wax loo taro, gabayaduu mariyay waxaa ka mid ahaa kuwa halkudheggoodu yahay:

Sambab bayga dhacay giir yartii, sixinka weyneyde
Saddex neef kolay tahay wuxuun, sacabka ii saara
Mase waa samraa waa adduun, suu ahaan jiraye
Dalaqyadii jidbaalaa indhuhu, iga didaayaane
Lafta diiran goortaan arkaa, la i diilaacshaaye
Aabbaw ha diidine ciyoon, Delob u heensayso
Duufaan hadduu ila tagoo, ila dawaareeyey
Deyl iyo haddii laygu daray, odayga Diibaala
Inaan daaluqso maxaa, dana oo ii dhaama?

Sayidku wuxuu qaadan waayey saddexda tubuc ee hore hadalka u dambeeya, wuxuuna yiri: “War ma anigaa dagaal diiday?” Wuxuu intaa ku daray: “War qayladaan aad waddaa cadowgay u digaysaaye jooji.” Xirsi wuxuu sidaas u qaatay inaanu Sayidku dagaalkaba dan iyo daarad ka lahayn. Kolkaasuu Xirsi hadalkii meel aan lala rabin gaarsiiyay, dabadeed Sayidka ayaa mariyay gabaygan soo socda oo wuxuu yiri:

Xirsiyoow dubuub gabay ninkii, dabacaan ahaye
Ninkastoo dabeebtaba anaa, duray halkiisiiye
Macnihii daboolnaa ninkii, daalacshaan ahaye
Dulkuneefle oo idil wixii, Dir iyo Daarooda
Dadku waa ogyahay inaan nafluhu, igu dabbaalayne
Ninkii daawadiis ila dhigtaa, talo ka diimoone
Durdur aan go’ayn lama yiraah, waa darfiyayaaye
Badda diiqalyeyn laguma shubo, dowlis iyo yeele
Waxse daal u go’a waa ninkii, dara wadaamaaye
Dayixiyo dujuumaadka layl, waa sidii danafe
Deyrdeyrka hore yaa arlada, lagu dayoobaaye
Goortii shamsadu daahirtay, dunidu nuurtaaye
Iskuduubka hore waa gammaan, daabbaddoo idile
Ha yeeshee dameer iyo farduhu, waa da’ kala weyne
Dooyada waxaa lagu galaa, dooddiyow Xamare
Wax dagaal la geeyaa ninkaan, deyrka jebineyne
Dudda geesiyaan nixin markay, dilaydu yeedhaaye
Goortuu dinaahshuu fuluhu, dib isu laabaaye
Doqon iyo nin raga looma simo, deeqi loo gato e
Ninkii daacaddaa talin hayaa, dahab la siiyaaye
Mar hadduu abaaldooris yahay, daafta laga raacye
Danni iyo yiqiinaad hubtaa, kala dubaax roone
Dululaati maran bay indhuhu, dar u malccyaane
Daa’imo harkii bay dedbuhu, daad u noqotaaye
Afartaa intaan soo dewaray, deel ma ka higaadshay
Doollaab xiireed sideed, diillin maw mariyey
Dawcad kalena waa anigiyo, dan iska sheeggeeye
Wiilyahow dubuubtaad i tiri, laygu dacareeye
Kufraad derajedeynaysaa waa, dururudiinniiye
Dar Alleynu leennahay haddaad, igu dambowdaane
Duunkayga keliyaa la cola, duufillaha geele
Duullanka goortaan wacaan, iga digaysaane
Goortaan idin dareensadana waad, iga dideysaane
Sidii deero yaacdaa kurtiin, sii durdurisaane
Wiilyahow dadkii aad ahayd, nagu dafaarowye
Dekeddii Cadmeed bay tageen, duulkii reer Gorode
Guuleedna doon baa hariyo, duqa Ileeyaaye1
Warfaa Cali siduu doox u yiil, deexda laga waaye
Dunjiguu ahaa reer Yaryare, waysagii didaye
Deyl iyo waxaa idin hor maray, odaygii Diihaale
Adna waxaad la dabandeebi waa, daallinnimadiiye
Waxaan idin dabaalsiin jiraad, dararinaysaaye
Waxaad iga dalbaysaa inaan, kuu dayaafado e
Dowgii adoogaa maraad, dabagalaysaaye
Asaguba wuxuu doy u kacay, deyrihii hore e
Haddeeruu dillaallanahayaa, dalaski dheeraaye
Dani nimay waddaa baa tahaan, duunyo badan hayne
Waxa kaa dunuunicinna waa, duraha jiilaale
Arigiinna waa ka dalmoo, kaa diraacsadaye
Anna daayinkey iguma qadin, daalib ii yimi e
Dacaam siiyayaa iyo wan weyn, ugu digsiiyaaba
Duleedkayga niman soo martiya, dib uma gaajoone
Markaan dirirray gaalada ninki, doofil iga raacay
Sidii duul shisheeye ah ninkii, deero iga yeelay
Dugsigiyo gabbaadkli ninkii, igu dabayleeyay
Ninkii diinka caasiyay markii, lagu dadaalaayay
Duullaan ninkii igu nacay markaan, Deleb u heenseeyey
Ninkii igu dulaaqsaday maalintaan, anigu doonaayay
Daawada ninkii igu furee, igu dugaagoobay
Ninkii duunyadoodii ka tegay, duraha jiilaalka
Degmadooda oo dhaqan ninkii, dalasluhuu meeray
Adiguba danwaa u tiri, hadal daleeleede
Dooc waxaan kuu gelinayn, haad daalib leedahaye
Maandhow maxaa kugu dirqiyay, duujadiyo ceebta?
Deelqaafka xumi waa waxaad, dir u lahaydeene
Hadalkaan daliil loo helayn, waa duf iyo beene
Duuflaal inaad tahay, maxaad aniga ii daartay?
Abidkaa dariiqada Allaa, diradiraysaaye
Ragga diinta saalixiyadaa, dira tiraahdaaye
Daa’irada baas iyo billay, dooshu kula meertay?
Doqonyahow ninkii kaa fiican waa, laga dambeeyaaye
Deli laguma dhaco oo ninkii raga, looma duur xulo e
Goortuu dabbaaraha shidaan, daaqad loo heline
Dalaqyadii Jidbaalle iyo halkaad, igula daalayso
Dani kaama haysee, anaad igu danqaysaaye
Alla dugay! iyo weyda waad, igu dagaysaaye
Yaa duhurka maanta ah tolow, ila dareeraaya
Raggii idinku docogaysan jiray, duray ma siicaane
Adinkay dalleenshaye miyaan, ferenjigii daayay
Wiilyahow dakaanadayda maqan, daara haw geline
Daraawiish kuwii jaray adaa, iiga sii darane
Waxba hay danqine waa qabaa, deyro iyo ciile
Dalka waxaad ku joogtaa intaan, kuu debcahayaaye
Mar haddii dareenkaa i galo, daar kalaa xigiye
Waxaan kuu dawaafinahayaa, daaqatiyo faafe

Waxaan ka qoray Ciise Faarax Fikad iyo Bile Ciise.

  1. Ileeye: Ileeye Maxamad Diiriye Cali, wuxuu ahaa oday talaggal ah.

Ninkii Diday Ayaantii

Gabaygan soo socda ninkii loo mariyey ama loola jeeday ina ayihiisii iyo sababtii loo mariyey wax inoo caddeeya lama arag, wax aannaan hubin inaan sheegnana madmadow baa naga galay, wuxuuna Sayidku yiri:

Ninkii diday ayaantii, sidii deeradiyo cawsha
Oo dabataduu kacay intuu, dabinka qoolaabtay
Dunidoo barwaaqa ah ninkii, duufka qalanaayay
Alla doori waa xaasidkii, dacayda dheeraaye
Doqonniimadii buu la tegey, Doh iyo Ceelgaabe
Sidii dowre muuda ah wuxuu, dibedda meeraaba
Dadoo idil hadduu soo maree, derajo soo waayey
Usagoo daddow qaba hadduu, dib isu soo laabay

Goortuu duleedkayga yimid, daallinkii cararay
Dayaydii horeetaan lahaa, inaan ku duulaaye
Wax i daahay mooyiye ninkii, layga dacalbaabye

Maddaa buu daleel iga helee, deyrka soo maraye
Dulmigii horeetuu wax kale, iiga sii daraye
Dumbukhii ina qaataan haddaan, dilo ayaantiiye

Hadduu maanta daab ila dhacoo, daqarro ii yeelo
Anigaa dirirowgii isbaday, dereg la’aaneede
Dibey yaan la ii nixin anaa, dagay naftaydiiye.

Waxaan ka qoray Xaaji Cabdiraxmaan Sayid Maxamed.

Dardaaran

1919kii markay taariikhdu ahayd ayaa Ingiriisku ku soo duulay Daraawiish isagoo dayuurad iyo ciidan lixaad leh wata. Dabadeedna waxay Daraawiishi guddoonsatay inay u qaxaan dhanka koonfur iyo webi Shabeelle. Halkaas waxaa degganaa xarunta laanteedii saddexaad oo uu madax ka ahaa Khaliif Shiikh Cabdulle. Ka dib xaruntii weynayd waxaa laga dhigay Qorra, Shinniile iyo Horushagax. In kastoo dayuuradihii iyo ciidamadii Ingiriisku nabarro xun u geysteen, haddana Daraawiishi xooggoodii iyo lixaadkoodii ma dhinmin, waxayna ku tala jireen inay col u qalqaalaan Ingiriis iyo wixii raacsanaa, hase yeeshee, adduunku ma dhammi buu dhashaye, duumo, tacluus iyo furuq baa ku habsaday Daraawiish, markaasay tarab tarab u le’atay. Raggii madaxda ahaa badidoodiina waa geeriyoodeen.

Iyadoo Daraawiishi xaaladdoodu sidaa tahay ayaa Ingiriis iyo dadkii raacsanaa guuto camaaryalay ah ku ballaariyeen, waxay ka heleen geel la baxay Hagoogane. Magacaa wuxuu geelu kula baxay iyadoo la yiri “Geelaa ninkii wax ka saanyooday kibir buu la hagooday, ninkii ka aadayna ciil buu la hagoogtay, ninkii laga dhacayna caloolxumuu la hagoogtay. Dabadeedna Sayidkii iyo wixii Daraawiish ka haray waxay tageen Iimeey oo togga webi Shabeelle xaggiisa sare ah. Rag talo kama dhamaato e, hindiso kaley haanka ku hayeen, hase yeeshee, Sayidka geeridiisa ayaa wax kasta baabbi’isay. Gabayga soo socda ayuu Sayidku mariyey markay Iimeey degeen, dhaawacyadii loo geystayna ka xafaaroobeen. Inkastoo wax si toos ah noogu mariyana aannan helin, kutiri-kuteen waxaan ku maqalnay in Calidhuux gabay digasho ah u mariyey Daraawiish markay jabtay. Waxaa gabayga Calidhuux halkudheggiisu ahaa:

Waa lagu digtaa duul hadduu kuu darraab jiraye
Bal dayooy wadaakii waa kaa sii dabayshadaye.

Sayidku wuxuu ka warramay dad iyo duunyo wixii ka lumay oo dhan, duummadi iyo furuqii neefeeyey, tabaha gumaysiga, tallaabooyinkuu maaggan yahay iyo ciribxumada u dambaysa kuwa gumaysiga u adeega. Waxaannu gabeygan ka soo qornay dad kala duwan oo Daraawiish ah. Wuxuuna Sayidka yiri:

Min daroofle aqal daahya weyn, dedab la heedaamay
Darmo iyo firaash lagu gam’iyo, daalam iyo googo’
Aniga oo waxaan doonayaba, derajaday haysta
Iyo duni wixii nagaga lumay, dararkii Ceeldheero1
Dab wax gubi dayuurado kufrigu, nagu dul gowdiidshey
Dumbuq subaca degalkaan ka kacay, dahab wixii yiillay
Dakhal jabay wixii daar burburay, ama bukhaar duugmay
Didibtii bannaanayd wixii, dad iyo maal jiifay
Diric iyo waxay shiikh dileen, ama duq waayeela
Maxajabad daboollayd wixii, gaal u dukhuulaayey
Dabatoobka Iiddoor wuxuu, dararay caarkiisa
Lo’ durdura wixii deeble geel, nalaka sii daayay
Dullihii shareerraa wixii, daal na caga gooyay
Dirowgii qabsaday reerkayaga, dalankicii gaaray
Dulkuneefle kaan soo ag maro, duullan ka hor geyska
Dan la’aan waxay nagu faleen, darab nijaaseedku
Doonyaha shammalka ah haddii, dakhalka loo laalo
Mar uun baa dabaylahaa sidaa, kor u dandaanshaane
Oo doofaarradii ku jiray. Daraxu caynshaaye

Dabro cudura duumo iyo furuq, waxa dadkii xaaqay
Annagu diidi maynoo mar baa, daayin noo wacaye
Ninkiise tiisa loo deynayaa, haygu diirsado e
K0lna haddaan cid laga deynahayn, mowdka dabaqdiisa
Ninkii haatan nagu diganayow, dan iyo xeeshaa
Dangaraaradii nagu dhacdiyo, webi dabaashiisa
Inkastoo daleel nala dhigaan, doocna nagu cayman
Duuflaalladii naga harow, dan iyo xeeshiinna
Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey
Nimanyahow dammiinimada waa, lagu dulloobaaye
Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne
Dagaalkii nasaarada anaa, daalib ku ahaaye
Dalka ma lihid anigaa ku iri, doora weynaha e
Daliilkii Rasuulkii anaa, doonayoo helaye
Anaa diiday maantuu lahaa, deeqan iga hooye
Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqi naareede
Anaan labada daarood tan hore, derajo moodayne
Markay duushay gaaladu anaan, daabbaddu rarine
Goortay dareeraan anaan, diiradduu qabane
Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
Anaan doora-weynow kufriga, daacadnuu galine
Ferenjiga direyska leh anaan, diiradduu qabane
Sida doxorka Iiddoora anaan, duudxammal noqone
Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis geline
Anigaan dillaalkiyo ardiga, duubiguu xirine
Anigaan dariiqada Alliyo, diinta caasiyine
Daarood Ismaaciil ma oga, dowga loo qodiye
Waa ninkii durbaan tumay markaan, dowga sii maraye
Waa wixii dayooy yiri intuu, soo dabbaaldegaye
Dadow maqal dubuubtaan ku iri, ama dan hawl yeelan
Ama dhaha darooryiba jiryaye, doxorku yeelkiisa
Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon ha moogaado
Dano lagama helo gaal haddaad, daawo dhigataane
Waa idin dagaayaa kufriga, aad u debcaysaane
Dirhankuu idiin qaybahayaad, dib u go’aysaane
Marka hore dabkuu idinku dhigi, dumar sidiisiiye
Marka xigana daabaqadda yuu, idin dareensiine
Marka xiga dalkuu idinku oron, duunyo dhaafsada e
Marka xiga dushuu idinka rari, sida dameeraaye
Mar haddaan dushii Adari2, iyo Iimeey3 dacal dhaafnay
Maxaad igaga digataan berruu, siin la soo degiye!

Waxaan ka qoray Daraawiish kala duwan, rag kale oo gabayadi Sayidka qoray waxay hayaan gabay ka badan. Daraawiishise Sayidkii waa uu u diiday.

Ceeldheero: Ceel 20 mayl u jira Ceerigaabo, kana xiga geesta koonfur-galbeed.

Adari (Harar): Waa magaalo fil weyn oo dalka Soomaali Galbeed ka mid ah. Taliskii Axmed Gurey u ahayd xarun, waxay caan ku ahayd Islaamka iyo horukaciisa, hadda waxay ka mid tahay dalka Soomaalida ee xabashidu u taliso.

Iimeey: Buur go’an oo ku taal webiga Shabeelle xaggiisa sare, Daraawiish baana degtay 1920kii oo ka dhisatay laba daarood oo dagaal. Waa mceshuu Sayidku ku geeriyooday oo lagu duugay

Bal Dayooy!

1919kii, markuu Ingiriisku Daraawiish daayuuradaha kula dagaallamay ayay Nugaal ka carareen oo waxay u qaxeen koonfur-galbeed.

Ingiriisku wuxuu xoog lahaa ayuu gees walba kaga keenay. Dhaawici ugu xumaana wuxuu ahaa markii la dilay boqollaal madaxda Daraawiisheed ahaa (qusuusuddii) iyo toddoba wiil oo ilma Sayid Maxamad ahaa. Dad iyo duunyo wixii maalintaa adduun rogmaday ama daar la burburiyey iyo dab wixii la taabay lagama sheekeyn karo. Waxaa ka darraa goortii la hubsaday in Daraawiishi jabtay ayaa dad oo dhami xoolahoodii sidii haruur daatay u boobeen. Ka sii darane, rag badan oo Daraawiishtii ka mid ah ayaa ballan furay, dariiqaddiina ka bayray, intaa oo dhan waxaa u dheeraa digasho iyo ku diigdiigsi, dawixid iyo bal dayooy waxa ku dhacay. Haddaba gabayga soo socda waa calaal iyo xogwarran, adduunku inuu yahay harka labadiisa gelin. Ujeeddada u weyn waxay ahayd taariikh danbe inuu ahaado, Sayidkuna wuxuu yiri:

Cirkaan di’in abaar daalliyaad, dunida oo qiiqday
Dayax ururta daariga ka maray, dirirka oo liiqday
Maruun baa daruuraha cusayb, soo dibbiriyaaye

Deyraanka curashaa ku xigi, daacigii sebene
Maruun buu darroorraa Intuu, daadka soo roga e
Bal dayooy duraabtaa horuu, daafta mariyaaye

Dumaa hoolmay diin xaalufay, dooxadii noqotay
Maruun baa daliigaha dhulkaa, doog ka soo bixiye
Bal dayooy dunqaaraha baxa, dell ka dheeraa

Nin dalleesan intuu duukhayey, doqontu mooddaaye
Inkastuu dunqaarahakan dhacay, dulugle cayroobo
Haw dayrin deeqii Alluu. Dooc ka sugayaaye

Rabbibow dawari kaan lahayn, duunyo iyo maale
Asagoo dirriga jiifsaduu, dayrdhal soo heliye
Bal dayooy maruun buu darfiyi, deeqa caanaha e

Nin dayoobay deyrdeyr hadduu, dawyada u jiiro
Maruun baa daryaankii ka bi’i, doorshay madixiiye
Bal dayooy dalkuu fiiriyuu, dib ugu labmaaye

Sengihii dirrow laga dhigee, dibintu boogoowday
Maruun buu dakaamaha jaraa, soo durduriyaaye
Bal dayooy dabrada weerar baan, daaqad loo heline

Dakankiis nin dowlada haddii, duudsi laga yeelo
Maruun baa dawaarkii is rogay, diiqalyuu socone
Bal dayooy dawaaraha mar bay, daa’iruu kiciye

Nin la dagay sidii doqon hadduu, dacayda laalaadsho
Maruun buu dareemaa inaan, derajo loo hayne
Bal dayooy markuu dido inuu, deyrka jebinaayo

Rayid wuxuu ku dabandeebayaa markaan, dirir u qiimaaye
Dabatoobka Iiddoora baan, deyrka ka eryoone
Bal dayooy maruun baan dawixi, digasho geeraare

Ninkii diricyadiisii kufrigu, daabaca u qaaday
Maruun buu dirramayaa intuu, duubiyaal dhalo e
Bal dayooy da’ uun bow kacdoo, dooyo geliyaaye

Nin ku dilay adoo dagan hadduu, digasho kuu raacsho
Maruun baa dedaddu kaa ba’adaa. diifihiisa cudure
Bal dayooy dawaa’iga marbuu, diirsimaad heliye

Doonyaha shammaalka ah haddii, dakhalka loo laalo
Maruun baa dabaylaha sidaa, kor u dandaanshaane
Bal dayooy dunjiga fuushan baa, daraxu caynshaaye

Dad qaraab nin kuu xigay hadduu, kugu dugaagoobo
Maruun baa dafaarkii fakday, dabin ku rooraaye
Bal dayooy nabsigu waa wixii, daaha yuuraraye

Hadduu daawadii furay nimaad, deris-xigaal moodday
Maruun ba mid duunkaaga jecel, daw ka soo bixiye
Bal dayooy daruun baad heshaa, daacad kuu noqone

Hadduu diinta caasiyay, wixii Dir iyo Daarood leh
Maruun baa jannada deexda weyn, daalibkeed imane
Bal dayooy Darwiish nin u ah, baa loo diyaafadine

Tol dulloobey oday dooralaa, loogu dowgalaye
Maruun baa duqeydii xummad, danabba dhaafaane
Bal dayooy rag caro duuban baa, dib u guhaadoone

Ogaadeenka dulaalayee, degaya meel ay ah
Maruun buu dallaaddaan ku furo, degi ishaalleeye
Bal dayooy shir doonyaale, mar buu soo dabbaldegiye

Doongaha Ammaadina Cabdaa, loogu daw galaye
Dabbaraarihii baa khatalay, daadufka ahaaye
Bal dayooy dalkii lagu galay, deleb ku dhibaane

Duudyaalka reer Cumar Ugaas, duunka kuma hayne
Maruun bay dubbada maalinguur, soo digiigixiye
Bal dayooy dannaaniga mar baa, deexda loo rogiye

Huwan baa darxumo quursateen, damac Alluu naarye
Dillaalkiisa Ina-AwCilmaan1, duxi ka raacayne
Bal dayooy dubbihii lala dhacay, daqarka hoorshaane

Usna daacad dhiib kuma samreen, degaha Haarune
Nimankii dalkoodii la dhacay, uma dagaageene
Bal dayooy dacluuskii qabsaday, kuma danqaateene

Inkastuu jinnnigu duufsadee, Doh iyo Buur geeyay
Marna door intuu ciirsi bido, Dalal ma yeeleene
Bal dayooy dawaaraha mar buu, daw ka soo dhiciye

Cawlyahanka daraf baan lahaa, diifta kula roore
Goortuu Makaahiil dujeey, iga danaysteene
Bal dayooy shisheeye i dafay, an iga doorteene

Aniguba dudmiyo ciil waxaan, dibedda meeraaba
Waxay deyraday igu faleen, deris ahaadaanba
Bal dayooy mar buu iga dubnixi, duunka baahala e!

Waxaan ka soo guuriyay Aw-Cabdille Ibraahim, dabadeed waxaa laaxin tiray Xaaji Cabdiraxmaan Sayid Maxamad.

  1. Ina Aw-Cilmi Geeseey.

Rabbaa Deeq Leh

Rag badan oo Daraawiish ahaa waxay sheegeen inaan Sayidku gabay la sheego marin sheego marin 1904tii ka hor. Waxay yiraahdeen gabaydan yar yar ee soo socda oo aan isku xarafka ahayn ayaa ugu horreeyay gabay uu mariyo.

Waxaa suuraggal ah oo iyana loo malayn karaa in gabayadan, mid kastaa intan keliya laga hayo, wixii kalena ay lumeen, runtuse Eebbaa og:

Rabbaa deeq leh roobbaa qabow, raaxo nabad baa leh
Jannaa ruga raxmaan baa baryo leh, raacis Nebi baa leh
Werdaa ridis leh weli baa rilla leh, rabid shareecaa leh

Run baa fiican beenbaa rufucan, raran cadaab baa leh
Rataa xoog leh geel baa ruko leh, ramag haleelaa Ieh
Araa raxan leh reer baa raqsi leh, rogob wan weyn baa leh

Bad baa reen leh rays baa cunto leh, ruqa abaar leh
Goraa raan leh aar baa riddama, rooris faras baa leh

Jannaa udug leh jiic baa godgodan, jahanamaa qiiq leh
Jigraa ridis leh xoolaa Jigjiga, jooga anigaa leh
Wuxuu soo jibaadaba libaax, jees maraa mlcile

Allaa xoog leh diinbaa xarbl leh. tegid xajkii baa leh
Gobbaa xigid leh xoor baa dhanya leh, dhaqasho xiita leh
Xasad iyo xumaan laysku dilo, xiisad beled baa leh

Aqal xeerar wayn xaal gobeed, xilasho gaaraa leh
Xurmo iyo wanaag loo xishiyo, xidid galbeed baa leh
Waxaan kaa xishoon iyo ximaar, xeewal bari baa leh
Allaa weyn cirkaasaa wahdiya, waaya duni baa leh

Dayax iyo shamsada deyran baa, daalac iyo nuur leh.

Lo’ baa sixin leh ari baa sadaqo leh, xooryo ibil baa leh
Bir baa sulub leh soofaa wax jara, tamayo geed baa leh

Wax ciyoonba loo go’iyo … sumuc baa leh
Cashrigaa wax laga soo rogiyo, cagana Dhooddaa leh.

Caynab Raabbiyan Weeye

Wax badan buu Sayidku fardaha iyo ammaantooda ku dheeraaday, heliddooda iyo dhaqaalahoodana ku dadaalay. Eebbe weyne taa waa ku gargaaray. Mar baa Daraawiish dhexdeeda laga waayay nin aan faras lahayn. Waxtarna waa ku qabeen xulquun iyo xarrago mid kasta ha ahaatee. Genbigii iyo jihaadkii labaatanka gu’ socday fardahaa xoog u ahaa. Sayidku isagoo ammaanaya faras fardaha u gaara ka mid ah oo la oran jirey Fookheeye, ayuu mariyey geeraarkan oo wuxuu yiri:

Caynab rabbiyan weeyoo, waa ramaas midabkiisu
Ranji weeye madoobe, Allay riiracsanaa!

Afartuu ku rabbaasoo, dhulka uu ku rukaaso
Alley waa rukunkaase, ma riiraash lacagaa!

Afka raaska ku yaalbaa, yaarka loogu ridaa
Allay raabsi bilaashlow, ilka raawisanaa!

Muquus ay rakibeen buu, rukumtaas ku hayaaye
Alley gowsa radeeban, bir ku ruugi okaa!

Bacaraarka roggiisa, hadduu ruuf kaga siiyo
Alley raad-uristiiyo, rayanaysa miyaa!

Rusuulkaa wejigiisa, gabbashaa lagu reebay
Alley roorta quluudku, ra’ qoolaaban miyaa!

Guudku waa rucun duugoo, sida raama jaleelo
Kolba waa ragiiyaayee, ma reexaan lulataa!

Ricir weeye garbuuyoo, rinjis weeye dhadhaabe
Iskuruugga gadoobka, Alley raasisanaa!

Ruqur dheguuyoo, sida riimaha doog baa
Dabayluhu rogrogaane, Alley riiqad sanaa
Rabrab weeye shafkiisu, sida aar riggamaaya

Alley riixis taraarka, wax ridaamin okaa!
Iftinku riinji sideeduu, rabbac weyn qotomaaye
Alley raaraha laaciyo, rab caleen leh miyaa!

Runduhuu ku handoodo, saynta uu ragxinaayo
Alley roob gababeed iyo, raya xiini miyaa!

Wax ruuxiisa ku jeediyo, ragga waa ka didaaye!
Ra’yiguu ka gartaaye, Alley raahibsanaa!

Raqlihiisu waa waala, rujo weeye qabow
Rukuduu ii goglayaaye, Alley raaxa lahaa

Rig haddii laga siiyo, riishad weeye qarxaysee
Rasaas weeye dhacaysee, Alley roori okaa

Hadduu raacdo gelaayo, magaan waa is ridaa
Raabbaqaadka ma daayee, Alley riiq wadanaa

Rab inaan ku iraa iyo, dusha way la rabaaye
Rikaab dhowr ma yaqaannee, Alley raallisanaa!

Fanku reenji xideedoo, rawax geedo qarsheenoo
Rab cagaarku ku yaal iyo, rab caleen leh miyaa.

Geela reysin irmaan iyo, ruka meel lagu foofshiyo
Ramag buu la tagaaye, Alley reer badanaa!

Haddaan ruunka u saaro, asaan rayfal ku dhaado
Allay rootis dhaqaaqu, wax ragaadsan miyaa!

Markii uudku ka raago, amuu raashin waayo
Waabka waa ka rigtaaye, Alley ruus jecelaa!

Markii raatibku yeero, amaan oodda ka riixo
Riyaaquu gurxamaayoo, Alley reen kululaa!

Waxaan ka qoray Xaaji Maxammed Cawl I972kii.

Reerkayga Kama Soo Rareen

1904tii ayay Daraawiish udubka dhidbatay xeebaha Ayl, Ilig, Gabbac, Hawd-Bari iyo Nugaal xaggeeda hoose. Barwaaqo iyo baraare ayay ka heleen. Iyadoo si aan loo oolli doonin loo yaal, ayaa nimankii qusuusidda ahaa oo Daraawiish caynaanka u hayay ku taliyeen in xarunta loo wareejiyo godanta Nugaaleed (Taleex). Maxaa wacay geeli baa dhulkaa dhagaxa ah oo badda u jeeda ku xumaaday. Markii reerkii dhooddi iyo guda Nugaal lagu furay, waxaa dhacay abaar xoolihii ku xumaadeen. Nin Daraawiish ka mid ah ayaa tiriyay gabay calaacal ah oo yiri:

Aabbow ninkii ari lahaa, waa abaarsadaye
Awaaraha dhacaayay riyihii, la indho beeleene
Ilig iyo hadduu Ayl ka yimid, waa Allow sabale
Awrkayga ii keen berraan, qaban Caraadeene

Taa isagoo Sayidkuna ka calaacalaya, taladii qusuusiddana haaraamaaya wuxuu isna yiri:

Rannag dhalay lo’ wada riira iyo, raasumaal ariya
Rigta ciirta caanaha la raqi, racawadii maalka
Ragraag sixinta oo gob weyn, lagu rabbaasaayo

Rogob iyo baruur iyo caddiin, ramaqsigii goolka
Raka sare rawaaxi iyo xiriir, raarta laga buuxshay
Ribix waxaan ka helay maalintaan, rababkii Ayl iillay

Ra’yigeyga kuma hayn inaan. rug uga guuraaye
Wax rafaad i soo galay markaan, awrta soo raraye
Rabbi nimaan aqoon bayga qubay, raaxadaan qabaye

Rag baa igu cabiidshaye, Nugaal1 risaaloone
Nimanbaa riddaan igu wadaye, raalli ma ahayne
Reerkeyga kama soo rareen, rabadinkuu yiile

Sidaan raaska dhooddi ugu furay, rina ma dheefayne
Goortuu rammaaslayda yimi, ruqay adduunkiiye
Risiq lagama helin geelashii, reysinka ahaaye

Kolba haddaan ka soo ruqay kobtay, ramastu ii tiillay
Kolaan nuqur jabsado maalintay, rayadu geedowdo
Amaan raran gashado quullihii, raanta le’ekaaye

Curdunkii ruguugacay kolaan, rubuc ka soo beegto
Amaan miraha roobkii ku baxay, ragad ka soo buuxsho
Haddaan Hawd2 rabalkiisa aal, dan uma riiqdeene

Waxay ii riyaaqsheen dalkii, reebida ahaaye
Waa meel dugaag roorayoo, ruqumbiyaaye
Waa meel raqdii aad tagtaa, rux dad ey tahay

Waa meel aan raan geedo weyn, raxan ka daaqeyne
Waa meel ris iyo caws rudmo ah, laga rifayaaye
Waa meelaan raandhiis lahayn, ruus ka soo baxaye

  1. Nugaal: Waa dibir ballaar iyo dhererba leh oo cayn iyo saraar ka soo rogmada oo badda Ayl gala.
  2. Hawd: Waa dhul dhir badan oo u dhexeeya Ciid iyo Nugaal.

Sayid Baa ka Baqay

Nin la oron jiray Colujoog Aadan Jugle ayaa wuxuu mariyey gabay faan ah oo uu ugu gooddinaayay dadka ay xeefta iyo xafiiltanka lahaayeen. Gabayga halkudheggiisu wuxuu ahaa:

(S)

Sayidkoo ka baqay geelayaga, Seeto soo degaye
Seenyoy waxaa lagu maalayaa, aniyo Saacwaale
Saakana wax sahan loogu diray, Lebisagaalaade.

Sayid Maxamad markii gabaygaas loo mariyey waa ka dhirfay, siiba tixda isaga magacaabaysa, muddo ka dib ayaa ninkaas geelashoodii iyo kuwii la xerada ahaaba Daraawiishi gacanta ku dhigtay. Goortaasaa Sayidku gabaygan mariyey isagoo tixraacaya gabaygii Colujoog mariyey, wuxuuna Sayidku yiri:

Geela siisahaygii arkee, Seeto1 laga cayrshay
Ee suudigii lagu eryiyo, soolka iyo hawdka
Oo Lebisagaalaad2 maree, Saaxil loo qaxiyey

Sayid baa ka baqay waa halaan, saabka galihayne
Nin waliba sinjigii waa tagaa, siiraduu yahaye
Alla hadalku saxariirsanaa, waa sab alabkeede

Waa sugurdhe Colujooga3 yiri, saajac baan ahaye
Saraakiil nin gowracahayuu, saa’ilahayaaye
Hadduu Sugulle Caynaanshe yahay, sidaa ma yeeleene

Wiilyahow salaafxumada waa, saymhoo kale e
Waa lagu sixraye kuma dhacdeen, surin ciryoone
Sirqayahay waxaad raadin waa, sababul mowdkiiye

Adigaa salaadsaday inaan, soofka kaa dhaco e
Waa saadsataye Ina-Jugloow4, silic ma joogteene
Saakana maxaad oran lahayd, saabir baad tahaye.

Waxaan ka qoray Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon. Waxaa ka dambeeyay gabayada 61aad, 95aad, 96aad, iyo kan 101aad.

  1. Seeto: Balli ku yaal Burco agteeda.
  2. Lebi Sagaalo: a) Sagaal geed oo lebi ah oo ku taal banka Aroori dhankiisa Hawd. b) Tuulo u dhexaysa Dabagoryaale iyo Ina-Guuxaa.
  3. Colujoog: Waa Colujoog Aadan Jugle.
  4. Jugle: Colujoog Aaden Jugle, Sayidkaa gabay u mariyey. Eeg gabayga 99aad.

Canjeel

Heshiiskii Ilig lagu kala qortay ka dib ayaa Ingiriisku wuxuu isku dayay inuu Daraawiish qalaanqal iyo xumaan ka dhex abuuro si ay u kala firdhaan. Xirribtii iyo xeeladdii waxay tustay inuu xagga diinta ka galo, sidaa daraadeed buu ururiyay niman wadaaddo ku-sheeg ah oo isaga raacsanaa, afkana wuxuu u geshay inay Shiikh Maxamad Saalax oo Sayidka shiikhiisa ahaa, ka gowriyaan ama ku dacweeyaan, wadaaddadiina taa way oggolaadeen.

(Fiiro gaar ah u lahow gabayga: Mahade haw sheego).

Ingiriisku markab ayuu ku qaaday oo wuxuu geeyay Maka iyagoo ku marmarsiyoonayay inay xajkii gudanayaan. Dabadeed Shiikh Maxamad Saalax bay u tageen oo waxay u sheegeen waxaan jirin iyagoo Sayid Maxamad cambaaraynaya. Shiikh Maxamad Saalax taa run uma qaadan. Dhowr toddobaad haddii xaajadii laga doodayey waxay oggoleysiiyeen inuu Sayidka xaashi aan ceeb lahayn oo waano ah u diro. Hase yeeshee, karraanigiisii ayey xeelad iyo xirrib u yeesheen si uu u qoro xaashi Sayid Maxamad cambaaraynaysa, wuxuu ku kacayana ceebeynaysa. Inkastoo ay adduun badan bixiyeen taasi way u ahaatay oo waa u meel mertay wadaaddadii.

Xaashidii markii Ingiriiska loo keenayna wuu badiyay, ceebta Daraawiisheedna wuu faafiyay, xaashidaa nuqul ka mid ah ayaa xaruntii Daraawiisheed soo gaadhay, lama qarin ee dad oo dhan baa loo akhriyay, waana loo sheegay. Dabadeedna, hadalkaa beenta ah niman baa run mooday iyagoo moog in qooladdaan iyo xeeladdaan Ingiriis maammulay. Niman dhowr boqol ah ayaa faqay oo waxay ku tashadeen xarunta inay af-gembi ka tuuraan, hase ahaatee uma hir gelin.

Markii la ogaaday sirtay damacsanaayeen, wixii ku habboonaana la qabtay, wax la dilay iyo wax la dayriyey iyo wax duubkii Daraawiishnimo laga qaaday ayaa laga dhigay. Sayidkuna gabaygan ayuu tiriyay. Taasna waxaa loo yaqaan “Canjeel-tala-waa”. Gabaygii Sayidku mariyey wuxuu ahaa:

War Suudoow1 sedkaa waa jannee, samac kalaankeyga
Salaama Alla yeelyow adaan, saakin kuu ahaye
Sowdkaan ku leeyahayna yuu, salabka kaa raacin

Sonkor iyo sarreen malable iyo, sixin ku iidaaman
Xeeryaha sanuunadan barnida, lagu sibbaakhaayo
Sulux caana geel Sogob la qalay, sarara geedeysan

Sareedada raggii aan u waday, saadka iyo quudka
Saqda dhexe habeenkii raggaan, saha u geynaayay
Kuwii aan sabbaaraay ay baa, saatan ii galaye

Salaaddiinta nimankaan qoree, sare u qaadaayay
Raggii sidigta geela hayayoo, suuska beeganayay
Nimankaan siday doonayaan, sahal u yeelaayay

Nimakaan sariira u dhisee, soohdinta u jeexay
Surradda iyo dadabtii raggaan, saari ugu gooday
Gabdho wada saruurada raggaan, sowjad uga yeelay

Nimankaan salaaxanahayee, saxar ka eegaayay
Nimankaan siraayada col iyo, saha ka dhowraayay
Nimankaan saqiir iyo kabiir, sama u miiraayay

Sidka boqola soof badan raggaan, wari uga yeelay
Soogaan darmaan iyo raggaan, salabaduu dhiibay
Nimankaan sangootida fardaa, siiya oronaayay

Raggaan sumaca maawdhiina iyo, saannadda u buuxshay
Nimankaan salaaddiyo u dhigay, subacyadii diinta
Sallallaahu Nebigii raggaan, saamax uga doonay

Nimankaan sokeeyaha bidiyo, siiro iyo aammin
Sarsarkooda nimankaan degiyo, suuqa gurigooda
Saxariiraday igu faleen, waa sahwiyayaaye

Nimanyahow si daran baa, qalbigu ii saddamayaaye
Sokeeyiyo xigaalaanan sugin, saaca maantaaye
Soomaaliyoo idili way, sun iyo daybaaqe

Sullankood la naar gun iyo, saaruqyay helaye
Sinjidhaannaddii bay khatalay, saanjiga ahaaye
Oo waa seeddiyaashay wexeer, saatan ii galaye

Saro nama dhex ool Faaraxii2, seerigii xulaye
Iblays baa sallaan kala degoo, saaxilkuu diraye
Sucdi haddii uu leeyahay, kufrigu uma sujuudeene

Sakal lagu rid reer Samatar Khalaf, seega taladiiye
Subeerray noqdeen wiilashaan, saakullayn jiraye
Kolkaan anigu saafi u noqday, sir ila dooneene

Sankuneefle oo idil, way i saa’ilahayaaye
Nin kaleba salaaf ha ila galo, sarada ceebeede
Sugi maynin Qoriyow3 inuu, suuqyo ii tumane

Sakaar waxaan ugooyiyo waxaan, uma u daadshaaba
Axmed-Fiqi4 jawaab kagama helin, sadaqadaydiiye
Sannahaabadiisaanan abid, kari hayne

Saniciisa baas iyo hadduu, saxalku ii keenay
Subaac qooqan baa iigu yimid, sabada ciideede
Inuu ferenji ii soo sawiray, waw su’aal qabaye
Subbeehigu wuxuu igu khatalay, saahid baan ahaye
Safiihnimadu waatuu dorraad, gaal u saacidaye
Soddon jeer ka badan ceeb intuu, saancaddu falaye

Markaan sebi ahaa iyo haddaan, suurad oday yeeshay
Saamaa Ilaah iiga dhigay, saaxir ii colahe
Saaxiibkii aan yeeshaaba, waa saymo lagu reebye

Mar haddaanuu sabankeer nafluhu, saafi noqonaynin
Waxba yaanan sida saar nin qaba, salalin goorteere
Ilaahow adaan kuu samree, suubi taladayda.

Gabaygan waxaan ka qoray Xaaji Axmad Aaden Surgo, sannadkii
1956kii.

  1. Suudi: Xaaji Suudo Shabeelle, wuxuu ka mid ahaa qusuusidda Shabeelle. wuxuu kaloona ahaa afhayeenka Sayidka. Waxaa lagu dilay Bixin iyo Waw, (Garoowe) 1919kii. Waxaa dilay ciidamada Ingiriiska.
  2. Faarax: Faarax Maxmuud Sugulle, wuxuu ahaa ninka Dariiqada ugu xoolaha badnaa, Sayidka walaashii ayuu qabay, wuxuu madax ka ahaa shirqoolkii iyo afgambigii Canjeel. Daraawiish ayaa Laasadaar ku dishay ka dib markuu baxsaday.
  3. Qoriyow: Shiikh Cabdullaahi Shiikh Yuusuf Cumar, wuxuu ahaa garsoorihii xarunta Daraawiishta, waxaa la dilay maalintii diyaaradda 1919kii.
  4. Axmed-Fiqi: Axmed Faarax Maxamad, wuxuu ahaa nin caalin ah, oo Daraawiish madaxdeeda ka mid ahaa, wuxuu ku dhintay Hilaqajaabur oo Qallaafe iyo Beledweyne u dhexaysa I950kii.

Ma Sabaan ka Sabaan Baan

Wax badan baa Ingiriisku ku dadaalay Daraawiish inuu heshiis nabadeed la dhigto. Taasi waxay keentay in xaashiyo badan lays dhaafsado, si waanwaan nabadeed loo helo. Daraawiish waxay la ahayd inaan taas sina loo arkayn iyadoo Ingiriis dhulka Soomaaliyeed isaga mooyee, iyo dad iyo duunyo wixii Daraawiish maagga iyo gardarrada uu uga dhacay ama uga laayey isagoo bixiya maahee.

Guyaal badan hadday taasi socotay, guul iyo go’aan midna aan laga gaarin, qallooc iyo qunjuruufana Ingiriis dayn waayay, dagaalna lagama maarmaan noqday, ayaa Daraawiishi col qalqaaleen. Usagoo Sayidku colka guubaabinaya oo guuto bixinaya, wixii lagu falay iyo waxa ka maqanna xasuusinaaya, waxay ka fali doonaanna u tilmaamaya, ergo iyo af beenina inaanay wax tarayn ogeysiinaya, waxa la gudboonna u shcegaya, waxa la filaayana samasaadinaaya, ayuu yiri:

Ma sabaan ka sabaan baan, nabad saafi ahaayoo
Sukuudoo edeb yeeshayoo, sowd xun aanan lahayn

Ma sabaan ka sabaan baan, salowgaan kicinaayiyo
Saryankaan eryanaayiyo, sakhraankii iska daayay

Ma sabaan ka sabaan baan, so’yaqaanka dugaaggiyo
Haadkii aannu sabaynayn, soominnoo qadinayoo

Ma sabaan ka sabaan baan, safarkaygu xirnaayoo
Suuqyadii Buullaxaar1 iyo, Saaxil2 aannan tegeynoo
Ma sabaan ka sabaan baan, sabadii Cagadiid3 iyo
Suubaankii Ballishiil4, Soobir aannan ku maalin

Ma sabaan ka sabaan baan, sida siigiyo cawsha
Saraar meerid ahaayoo, saafuroo aan maqnaayoo

Ma sabaan ka sabaan baan, sowjad aan nin lahayniyo
Sebi aabbihii waayay, sabab beena ku daajay

Ma sabaan ka sabaan baan, silcayeyda haweenkiyo
Salowgii ka baxaayey, saraarkii gelin waayay

Ma sabaan ka sabaan baan, ergo soogan ahaayoo
Suudigii aan maraayey, sammaadeeyay jirkaygoo

Ma sabaan ka sabaan baan, raggaygii la sadqeeyay
Soofkaygii la xaraashay, sed yaa iiga cesha subax noolba lahaa

Ma sabaan ka sabaan baan, Sumeynow5 ina daa iyo
Sarkaalowda hayayoo, saamacow lagu waayey

Ma sabaan ka sabaan baan, su’aashii Rabbigey iyo
Subxaanow Nebigii iyo, saalixiinta xusaayoo saacaygi i hayey

Saxayoo maxumaynoo, sarmaseegto u diidayoo
Sowd kalaa daba yaallee, bal aan kaana sifeeyo

Ma xalaa la i suurshoo, samadaa la i geeyoo
Salaloo isla boodayoo, saarkeygii i qabtayoo

Ma sawaadka habeen baan, inaan suulasha laabtiyo
Sin intaan u fariistiyo, neexadkii kari waayey

Ma salaadda Ilaah baan, sahwiyoo garan waayey
Ma soortii aan cunaayaa, sibir ii dhadhantayoo

Ma sawaalka boqoolaan, sardankaan guntanaa iyo
Sammaddii aan maraayaa, sugulkaa iga yeelayoo

Ma suugaanta nabadeed iyo, samaan baan la helaynoo
Inaan saamax ahaadaan, sina loo arkihaynoo

Ma samuuladka roob iyo, suuligii Maka yiilliyo
Sibbaakh khayli la moodyow, Dhooddi6 baan salabeeyoo

Ma fankaa sallaxoobayoo, sinmayoo aan dhinnaynoo
Ma sakaarkiyo laabtay, sikiibowday baruuroo

Ma sarbaabka qandoodkiyo, surka baaca ka weyn baa
Wax suurreeya la waayay

Salalkii caddiintiyo, sudeenkiisa dushiisiyo
Salladaan ku fariistiyo, sararuu ma balbaayoo

Guudku soohdin haruur iyo, ma sabuul baxay baa
Dhegihiisu salaadooyin iyo, samayooyin miyaayoo

Sanqaroorkiyo fooddiyo, sawriciisa wanaaggiyo
Salaantiisa wujuuhdu, ma shiikh saahidabaayoo

Seedihiisiyo jiidhku, ma soofaa adakaayo
Afartuu ku saqleeyo, ma safeexad biraayoo

Hadduu soosiyo qayliyo, sannahaabo dareemo
Indhuhuu selledaayoo, ma siraad la shidaayoo

Mar haddii salow daaro, salaaxiisiyo shiishtiyo
Sin ha looga wareegiyo, saahidkey badanaayoo

Haddaan suufka hullaabto, sabarkiisa boggaagiyo
Sarruxuu hinqiyaaye, ma saaweer qalanjaayoo

Sanqaraare caroodkiyo, safalkiisa buruudku
Ma subbeehi iblaysoo, saacaddaynahayaayoo

Meelay siigo ku duushay, seenyo ay olollayso

Wixii saab la ahaayiyo, sarkaalkii lagu toogtuu
Ka sad qaadan yaqaane, suuddannay ma jinnaayo

Saxayoo ma xumayno, sarmaseegto u diiday
Sowdkalaa daba yaallee, bal aan kaana sifeeyo

Ma siddeetan ululufoo, saadadii jabartiyo
Sinjigay laga uumaa, siraayuu guntatayo

Ma siddeetan ululufoo, sadarkii cilmigii iyo
Suuraddii albaqraad, subcisaa umashaayoo

Ma siddeetan ululufoo, saajacoo aan baqaynoo
Suufiyoota dagaalkaa, saanadii xiratay

Ma siddeetan ululufoo, sumicii wadatoo
Saabuul khayli ku joogtaan, sida suurka afuufi

Ma Soomaali riddowdaan, midaan saabka ka toogtiyo
Midaan suunka ka gooyiyo, midaan saabir ka yeelo
Saddexdaa aan huraynoo …

Ma safkaannu collowniyo, suweeyaa inankiisiyo
Saaxir xayra dayeenaan, sadaqo looga luraynoo

Kuwii suudha xumaa iyo, kuwii seynta lahaa iyo
Maan safkii Hagar Aaden, sogob aanan ka yeelin

Kuwii diinta siraayey, sallallaahu caleeyhi
Sunnihiisa khilaafaa, sandalaa laga jeexi

Ma kuwii sunta leefiyo, saruuq baan fakanaynoo
Ma ruuxaan sababaa baan, sayi’aad ka kordhaynoo

Ma sawaab iyo khayr baa, samaydayda ku dheehan
Waa siyaada Ilaahe, ma sareedo adduun iyo
Simaadhii jannadii baa, nala siinahayaayoo

Ma Subayr-Cabdilliyo, intii diinta siraysiyo
Intii loobadda seegtaa, ka subxaana lillaahiye
Sakharay lagu geynoo!

Waxaan ka qoray Xaaji Ismaaciil Dhoon.

  1. Bullaxaar: Waa magaalo fil weyn oo u dhaxaysa Berbera iyo Saylac.
  2. Saaxil: Waa magac labaad oo waagii hore Berbera la oron jiray.
  3. Cagadiid: Ceel geela loo arooriyo oo ka mid ahaa ceelasha Cadmeed.
  4. Waa balli hawd ah oo Buuhoodle dhanka koofureed ka xiga.
  5. Sweyne: Wuxuu ahaa sarkaal ka mid ah Ingiriiska oo Daraawiish la dagaalamayey, derajadiisu waxay markaas ahayd Gaashaanle dhexe (Lt. Colonel). Daraawiishi waxay u tiqiin Sweyn-Cawar.
  6. Dhooddi: Wuxuu ahaa faras qurux iyo dheerayn caan ku ah, hortiina waxaa lahaa Xirsi Cartan Boos, dabadeedna Sayid Maxamad buu hadiyad u siiyay.

Waa Duni

Gu’ga Xaraame-cune la baxay deyrtii ka horreysay, ayaa dagaalkii Ingiriis iyo Daraawiish ka dhex socday istaagey, taas waxaa ugu wacnaa Ingiriis oo xeebta isugu tegay, markaasaa waxaa batay salowlihii iyo socotadii, tuugadii iyo dhicii, dhinac kasta ha ka yimaadeen ama ha u socdaane, taasu waxay keentay nin walba ninkuu arko inuu dilo. dhaco ama xado.

Sayidku isagoo taa la fajacsan ayaa waxaa war lagu soo gaarsiiyay in Ingiriis doonaayo waanwaan iyo heshiis. Wadaaddiina heshiiskaas waaba u riyaaqeen, qaarkoodna waxayba yiraahdeen inaannu gaalada xiriir la yeelanno waa bannaan tahay.

Haddaba, Sayidku usagoo tilmaan ka bixinaya wixii uu hortii la yaabbanaa iyo warkaa loo keenay iyo saxariirta, silaca iyo xumaatada joogtada ah, ayuu gabay tiriyay, wuxuuna yiri:

Xuseenoow Allahaynoo sahlee, saancaddaa timiye
Maandhow siqiir iyo kabiir, sida la yeelaayo
Hadba suufiyey qaban intaan, soogsadoo kaco e

Surinkii aan joogaba dhulkaan, samay ku jeexaaye
Salaadda sunniyo waajibikii, waa sahwiyayaaye
Subicii quraankiyo wardigii, seegay waayaha e

Ma siraadna dhaayuhu haddaan, meel ka sowlixiye
Ban saliid la moodiyo waddadu, surin ma dhaamaane
Sogsogtaan maraa sida indhuhu, nimay saruurmeene

Maandhow nin caro suursanoo, saaqsan baan ahaye
Sarduubkaa i joogee qalbigu, way saddamayaaye
Suukaaya ciil baan arlada, sulugle meeraaaye

Suxullada uun baan labada law, suran alleykiiye
Surmadaan ku kuudadaay, tan iyo saaca waabberiye
Surkii bay igu jabay, foorarkaan seban u yaallaaye

Sidii soocan baydada ma hado, saakin iyo jiife
Sardhadaan laamandhoodsado hurdada, waa ka salalaaye
Goortay Sahuuraddu1 dhacdaan, suluf iraahdaaye

Saqda dhexe alleylkii markii, sahalka loo jiifay
Saxalkiyo2 Mariikhii3 haddii, la igu soo suurshay
Sawaxa iga soo baxay miyaa, Suurkii4 la i mooday

Sidii saxal najuumeed markaan, saxaha eegaayey
Ma Samuuladkaan5 sida ayaxa, samada uugaanshay
Ma saxaabka duuliyo cirkaan, sare u weydaartay

Sakar roob daruuraha salliban, saymo curanaaya
Sarka dhabanta fiidkii markey, samadu ceegaatay
Goortay suxuurtii ahayd, sarab miyaa fuulay

Goortii sawaaxiga gudgude, duni la saameelay
Onkodka iyo sowdkii markay, samadu xiimaysay
Hillaacii sabaaraha ka baxay, Sibi6 miyuu muujay

Ma sagaashankii baa go’uu, sagal ku geylaamay
Dirirkoo siddeed maray miyuu, bar u siyaadeeyay
Sammadiyoo kulaykii miyaa, saxansax loo dhaafshay

Saaq xamasha sooniyo7 cambuul8, saani iyo waadhi
Arligii sabaanigu ka dhacay, sarac miyaa fuulay
Sanqaraara udugii miyaa, lala sumbaaxooday

Afartaa sifeeyoo ka dhigay, suufka oo kale e
Waa mowjad seylaami iyo, saacad gaw tiriye
Sawd kalena waa duniyadeer, si aan ka faalleeyay

Waa dunida uu kala sunsumi, salowlaheediiye
Waa dunida subaxii baryaba, sare timaaddaaye
Waa duni samaan iyo xumaan, sooran ay tahaye

Waa duni sir iyo tuugo iyo, saanji loo kiciye
Waa dunida saami ugu dhacay, saabir iyo cayre
Waa dunida siirkeedu yahay, siifad iyo hooge

Waa duni ninkaad saxarsataa, seedda kuu jaariye
Waa dunida uu kugu sabbixi, seeddigaa dhabiye
Waa duni aan saxariir cadaw, laga siqoonayne

Waa dunida sowraca kufriga, la isku saaweyne
Waa duni sakaarkii lahaa, laga sabaayaaye
Waa duni sagaal Talamugge, samanka taagaane

Waa dunida gaal lagu sallibay, sanac la’aaneede
Waa duni sarwaan lagaga guri, sado ammaneede
Waa duni sabaan aakhiroo, silic ka joogaaye

Waa duni ninkii sadar bartaa, sababi diinkiiye
Waa duni siyaarada la siin, haaf sarkaaliya e
Waa duni sarkaalkiyo ardadu, wada sinjaaraane

Waa dunida Soomaalidii, laga xantaagaaye
Waa dunida sareedada la qubi, sulux caanoode
Waa dunida saaq lagu gataa, salaba guud dheere

Waa dunida loo suuladaa, sakharra naareede
Waa dunida soon laga tegiyo, sadaqad iideede
Waa duni safkii laga bexee, gaal la saacidaye

Waa duni simaadhii jannada, suus aan ku lahayne
Waa dunida saab ferenji iyo, Saaxil9 loo kiciye
Waa duni la saacidi kufriga, saaxir kuu colahe

Waa duni aan lagu soorahayn, siira kuu timiye
Waa duni sokeeye iyo xidid, kala sawaaleyne
Waa duni abaal laga samree, samo la diidaaye

Waa duni subayrdaarraddii10, lagu salaamaaye
Waa duni subbeyhiintu11 tahay, saadadoo kalee
Waa duni siyaalaha la fali, laga sujuudaaye

Waa duni ninkaad boqol sidka ah, siiro ugu yeesho
Waa duni inuu kuu sallimo, laga sugaaleyne
Waa duni sun loo shubi ninkii, kuu saddiiq noqone

Waa duni sunbulaheeda dhici, lala sureeraaye
Waa duni sirgaxanoo iblays, saababkuu rogaye
Allahayoow subxaan qaaddiroow, naga salaameyso

Afartaa intaan saxay miyaan, siinka ka higaadshay
Surmadiisa lama seejiyee, surin ma qaadsiiyey
Meeshaan ku kala sooci jirey, soohdin mow mariyay

Nimanbaa suxuurta u kallaha, sabaq cadaadeede
Oo suudi kulul marahayiyo, sool abaar badane
Surmo iyo harraad bay ku tegi, Sibil12 dushiisiiye

Waxay suran sintaaraha xashimo, qaara siiqa ahe
Dhirta ay saloolanahayaan, suumahaa go’a e
Sogsogta iyo qodaxdaa ku jabi, suxulladoodiiye

Sebaan iyo sebaan bay maqnaan, saayid weheshaaye
Sugukuun-Aallow bay ku immaan, soonfur dabadeede
Salka intayan meel dhiginna, waa saafurahayaane

Awrkii sadaadaha lahaa, saaddambay rariye
Sebaanka waxaa loo kaxayn, Saaxil iyo Ceege13
Saddex iyo sagaal bay u dhici, suuqyada belede

Siirkii muxuu joogay bay, kugu salaamaane
Subaxay galaan bay ku gadan, sicirka maantaase
Saddex hadday hoyaadaan ratiga, saaray qalabkiiye

Sumbulaha xaggaa bay ku lumi, siisihii Gubane
Subaac iyo libaax iyo dugaag, saaruq iyo haayir
Walidkood sursuur bay galaan, surin cayriiryoone

Hadalkaa sagtaa aan ku xiray, sadarka laabtayda
Intii gabay su’aashiisa qabtay, saxa kalaankayga
Sowdkaasna duulkaan ku wado, siinka ka higaadsha

Nimanbaa shareecada sirayoo, gaalka saacidaye
Oo shalay safkii nagaga baxay, seymihii dhacaye
Oo saarashada ferenjigiyo, saanjiguu xilaane

Awgii siyaarada lahaa, selel hadduu qaaday
Oo ay sahwiday culimadii, saxal marikhowday
Saxariirka aakhiro hadday, sax u ogaan weyday

Saqiir iyo kabiir waa la geyn, saqara naareede
Soon iyo salaad iyo sakada, sadaqadii iiddda
Sawaab kama helahayaan, waxay camal samaystaane

Saasna waxaa ugu wacan kufriga, saab la leeyahaye
Saaxiibkaa wuxuu kugu furaa, soohdintuu dego e
lyagaan ka saahidin wallee, saamax baan jirine

Sunnihii jidkii Eebbe waa, laga sawaalaaye
Sallallaahu Nebigii rag baa, saaxirow yiriye
Oo saalixiintii la dhacay, sulubkii dheeraaye

Hadalkaa sagtaa aan ku xiray, sadarka laabtayda
Intii gabay su’aashiis qabtay, saxa kalaankeyga
Sowdkaasna duulkaan ku wado, siinka ka higaadsha

Niman baa cilmiga saahiday, oo diinta saakubaye
Oo aan sidii Eebbe yiri, sadarna moogayne
Subaca iyo wardiga kama tagaan, saacadaha leyle

Waa wada sijaac geesiyaan, sabab ka laabmayne
Waa sakhi kurtood deeqsiya, soof hadday bixine
Suuraddooda iyo nuurku waa, saaca waaberiye

Sarkaalka iyo Hindiga waa dilaan, uma sujuudaane
Surkana waa ka gooyaan, dadkii saaxirka ahaaye
Soomaalidii uma turaan, saaruqa ahayde

Hadalkaan sagta aan ku xiray, sadarka laabtayda
Intii gabay su’aashiis qabtay, saxa kalaankeyga
Sowdkaasna duulkaan ku wado, siinka ka higgaadsha.

Waxaan ka qoray Aw-Cabdille Axmed, Xuseen Aabi iyo Xaaji Cabdiraxmaan Sayid Maxamad.

  1. Sahra: Xiddig qurux badan oo aad u ifa, Soomaalidu waxay u taqaan Waxaxir, Waabberi iyo Cirjeex.
  2. Saxal: Waa xiddig fogaan badan oo 21ka rugood, rug walba ku wareega laba sano iyo badh.
  3. Mariikh: Xiddig guduudan oo iftiin badan oo 21ka rugood, ku wareega laba sano in ka yar. Soomaaliduna waxay u taqaan Farraarre.
  4. Suur: Suurku waa buunka qiyaamaha, uunka qabriga jiif a lagu toosiyo.
  5. Sammuulad: Waa xilli gala lixda bilood ee bilo Dirir bishooda shanaad habeenka ay tahay 11 ama 12.
  6. Waa dhul togga Faafan galbeed ka xiga.
  7. Soone: Waa geed ubax cad oo qurux badan leh oo mirahiisa iyo xididkiisaba wax lagu dhayo.
  8. Canbuul: Qodax buuran oo ka baxda Galoolka iyo Sarmaanta oo markii dabayli ku dhacdana u foorida sida siiriga.
  9. Saaxil: Waa magaalada Berbera magac labaad oo la oron jiray.
  10. Subaydaar: Waa nin meel madax ka ahaa, in kastaba darajadiisu ha gaadhee.
  11. Subbeehi: Waa dablaha, Soomaaliduse waxay u taqaannay jaajuuska.
  12. Sibi: Dhul u dhexeeya togga Faafan iyo laagga ka soo farcama webi Sammane.
  13. Geeg: Waa meel miyi ah, dadkii horena dhisay oo Burco koonfur-bari ka xigta.

Sagaal Nin oo Walaala ah

Sheeko ku-tiri-kuteen ah, runse u dhow waxaannu ku helnay in Ingiriisku Sayidka u soo diray siddeed nin oo Soomaali ah si ay u dagaan oo u dilaan, dawga Ingiriis doonayana Sayidka uga ridaan. Nimankii hadday xaruntii tageen, si fiicanna la isu dhex galay ayaa Sayidku sirtoodii iyo xeeladdoodii ogaaday. Haddaba markay u caddaatay in nimankani ismalaakadceed yihiin, sir iyo musuqmaasuqna wadaan, ayuu ku tallamay inuu laayo, hase yeeshee warna meel dheer buu ku dhacaa, dhagaxna meel dhaw e, way la ahaan wayday, dilkoodiina wayska dhaafay. Rag odoyaali waxay yiraahdeen, in nimanku ahaayeen niman Shiikh looga soo diray oo Qorre ugu tegay dayuuradda gadaalkeedii 1919kii. Sayidku intuu jicsinka u adkeeyay. ayuu farxaddii keenay si uu Daraawiish ugu sheego, ugana saaro, una sagootiyo, iyana u ogaysiiyo inuu sirtoodii gartay, markaasuu Sayidku mariyey geeraar gaaban oo wuxuuna yiri:

Sagaal nin oo walaalo ah sideennaas
Siddeed isku bah tahay sidiinnaas
Ninkuna bah gaar yahay sidaydaas
Siddeeduna ninkii siri sidiinnaas
Ninkuna sirtii garan sidaydaas
Haddaynu isa siri sideennaba
Mayska kala tagnaa sideedaba.

Waxaa lagu helay bowsi.

Saha Kacay

Wax badan ayuu Ingiriis ku dedaalay inuu Sayidka iyo Daraawiish gacanta ku dhigo, hase yeeshee markuu xoog ku muquunin waayey, wuxuu isku dayay inuu sabid iyo sabaalo ku dayo, si uu samal ugu daadsho. Gumaysigana waxa alabkiisu yahay markuu doonayo inuu wax dago, hadba inuu dad kale ku soo dugaalo.

Wuxuu ku guubaabiyey dadkii dhiniciisa ka soo jeeday inay Sayidka u raraan gabdho guryo wacan ka soo jeeda, xididnimo iyo xaal gobeedna xaajoodaan. hase yeeshee Sayidku taa wuxuu u qaatay qoolad iyo xeelad iyo tusaala-dage, umana khushuucin. Intaa waxaa weheshay dhac iyo weerar iyo tuugo aan damihayn iyo tahluukooyin qarsoon oo Daraawiish kaga immanayay afarta jaho.

Haddaba, markuu Sayidku arkay waxa arlada ka taagan oo xurmo la’aan iyo xishood darro ah, xaaraantii oo la xalaashaday sida uu nin waliba gaalka xaggiisa u xaglinaayey, si xiriir ula yeesho ama xoolo islaameed u dhaco, ayaa waxay Sayidka la ahaatay inuusan ninna aamminin. Gabaygan waxaad Sayidka mooddaa inuu sagootin uga jeedo:

Saha kacay sababahakan dhacay, samada qiiqowday
Sannahaabo iyo qaylo iyo, siigo iyo weerar
Dunideer saraayada col iyo, salowga oomaari

Saaxiibbadeer kala ordee, sadarba meel saday
Sokeeyaha safeyn kala noqdee, suuqyadeys geliyey
Soddognimo qaraabiyo hadday, siiradi dhimatay

Ummaddii salaaf iyo hadday, sagan la roorayso
Hadday saacideen gaaladii, saraca keenaysay
Sallallaahu Nebigii haddii, sowjar1 laga doortay

Saraakiisha dhoorka leh haddii, lagu sarqaamaayo
Suweyn baan dadkiis ahay haddii, sowdka lagu yeerin
Isagu seeruhuu dego haddii, saakun laga yeeshay

Awgii siyaarada lahaa, salal hadduu qaaday
Oo ay sahwiday culimadii, saxal mariikhowday
Saxariirka aakhiro hadday, sax u ogaan weyday

Hadday sanantay maantii sharciga, saaca loo kiciyay
Oo ay subbeehiin noqdeen, silic Alla u keenku
Ka subxaanallaahiye kufriga, sanac hadday moodday

Sidii Eebbehay yiri haddii, laga sawaalaayo
Soonkiyo iyo salaaddii haddaan, suura laga haynin
Sekadii Ilaahay haddaan, suus la bixinaynin

Xajkii sun iyo waabay haddii, loo saddimanaayo
Ninkii soof xerayn jiray haddii, saabir laga yeelay
Sirqadii gabowdiyo haddaan, sebi la dhaafaynin

Sir iyo tuugo saanjigaa la fali, saaka iyo caawa
Subaxdii waleetaba dulmiga, la isku sawalliilin
Saddexdii walliyo been waxeer, suuqa lala meeri

Sunniyo waajib sooryada martida, sadaqaddii iidda
Suugaanta iyo suufinnimo, saamixiddii diinta
Sucdigii haddii laga tagee, samo la diidaayo

Gabar suura aqal saari badan, dadab la saynsabay
Soddon baarro saablay gingiman, sareba ceegaagta
Salli gogola saahood la shiday, saaqatada qaaca

Sannifaad xariiriyo baftiyo, khayli iyo suuti
Sengo buuran soogaan darmaan, salaba guud dheer leh
Sidko ramag seenyiyo idiin, Soobir iyo Ayro

Nimay sararo weyn gool sikiban, qaalmo surunsuura
Abeer suruqda oo awrsanoo, siigan lagu qooqshay
Lo’ sammuulad arigoo sunuumi, sabada oo buuxda

Sareedadii Ilaahay haddii, loo saldhigi waayey
Si gurracan haddii lagula kici, sado ninkuu dhaanshay
Goortii lagaa sido haddaan, lagu salaamaynin

Saadkii hadduu dhici ninkii, lagu sibbaaraayey
Hadduu siir xun kuu qaban ninkaad, sare u qaadaysay
Inkastaad saxiix tahay haddaan, lagu sinaadaynin

Ninkii xaqa u saahida haddii, saa’il lagu maagi
Weliyada sawaabka leh haddii, suufka laga diiran
Haddii aan safiih nimaan ahayn, laga saarrigaynin

Intii kugu sintaarrayd hadday, siifad kula dooni
Nimaan saaqna kaa gelin hadduu, suudi kugu meerin
Adaan sara u yeellayn haddii, lagugu soo haadi

Hadday teeddinimo baaqatoo, siira tari weyday
Saddiiq nimaad ahaydeen hadduu, kuu sallimi waayey
Ninkii kheyr sunneyn jiray hadduu, samir Ilaah joogo

Nimanyahow siyaalaa jiroo, saancaddaa timide
Sifaalaha adduunkeera waa, lala sureeraaye
Malaa saacaddii baa dhawoo, suurkii la afuufye

Sugi maayo kheyrkay wuxuu, seegay waayaha e
Waatii saxaabkii la jaray, suubannaan jiraye
Soddon-guuradii waxay ahayd, sannadda maantaaya e

Siinniyo2 Hindida3 Siidaamo4, Siig5 iyo Reendiinle6
Sudeen iyo Sureer iyo Hawiye, Sab iyo Soomaali
Subeer Maxamad Siwaaq Hartiya, Sade Marreexaane

Sanku neefle oo idil haddii, saafi laga waayay
Oo aan samaain laga helayn, si xil le mooyaane
Marka inaan dantay seego, waa igu silloonaane

Nin sidayda oo kale noqdaa, sebi ka weynaaye
Ninkii suqayar ii filahayow, sayncaddaan ahaye
Inkastoo la ii saamadaho, sowdka waan garane

Haddii uu nin siriq ii maldihi, samasha ii daadin
Haddaan lay sandihin waan ka didi, saarka laaca ehe
Suryada iyo hantaqa ay qodeen, waan ka suudaliye

Uunkaba saqiir iyo kabiir, waan ka sowlixiye
Inkastay salaax igu wadaan, ima sabaayaane
Sanqadhaan ka didayaa sidii, sanis ugaareede

Sonkor iyo sarreen malabkiyo, sixin ku iidaaman
Haddii lay sanuunado hilbiyo, Sado la googooyay
Saneeggaan ka rogayaa waxay, iigu suul dhabiye

Sii kac oo tag baan oranahayaa, saadambaan imane
Aroos reer suldaan iyo ninkii, sowjad igu dheelmi
Dabadeedna sool hawada iyo, seeri baan xuliye

Saqaafaha cagtaa raadku, waa siisahoo kale e
Markuu saamasaamaha galaa, lagugu suufaaye
Sallax dhagaxa meeshaan lahayn suulashaan dhigiye

Waayeel sahay ii wadiyo, saami iyo xoolo
Sarsarkiyo hadday soo degaan, suuqa gurigayga
Sad inaan ka qaatiyo ma jiro, inaan ka socdaaye

Cimrigay sagaal boqol haddii, lagu siyaadeeyo
Nimankii iblays igu salliday, suruq anaan keenin
Sadarkayga kuma taal inaan, sahal u raacaaye

Haddii seefo iyo maarre iyo, sumuc la ii qaato
Cadaawuhu hadday igu solaan, sakhra naareedda
Meeshiyo Sawaakimi7 haddii, la iga seeraarsho

Sekadii Cadmeed iyo haddii, Saaxil8 la i geeyo
Ferenjiga la saariyo haddii, la igu sooyaansho
Samci maayo sowdkaan ahayn, siinka looxa ahe

Eebbow salaamay anaan, sadarka weydaaran
Mar uun baan sursuuraha ka bixi, saymahaan galaye
Eebbow naflii kale sugaye, adigu ha i soocin!

Waxaan ka qoray Cali Darmaan, sannadkii 1957kii.

  1. Sawjar: Waa magac lagu tilmaamo dablaha ciidamada Ingiriiska.
  2. Siine: Wuxuu u jeedaa waddanka Shiinaha.
  3. Hindida: Wuxuu u jeedaa dalka Hindiya, oo Soomaalidu waagii hore aad ugu dhoofi jirtay.
  4. Siidaamo: Waa gobol ka mid ah gobollada xabashidu u taliso.
  5. Siig: Waa ceel u dhexeeya Caddadley iyo Buuraha Golis.
  6. Reendiinle: Waa shacbi Soomaali ah oo deggan En.Ef.Dhii (NFD).
  7. Sawaakin: Dekad ku taal badda caas ee Suudaan.
  8. Saxal: Xiddig fogaan badan oo if-dheer oo 21ka rugoodna ku wareega 30kii sanaba hal mar. Rug walba wuxuu fadhiyaa laba sano iyo badh, Soomaalidu waxay u taqaanna Raage.

Isna Waa Shiddiyo Hoog

Rag badan bay Sayidka wada hadleen ama isu gabyi jireen, Cali Aaden Calidhuux oo ugu dhiirranaa ayaa Sayidka u mariyey gabayo badan oo foolxun. In kastoo Sayidku arrimo kale ku daray masafadan, haddana ujeeddadiisu waa jawaabtii afxumadii Cali Aaden markay la kharaaraatay. Wuxuu Sayidku yiri:

Nimaan sharraxa diimeed, shaynaha ka suurayn
Haddii aad usheegtana shaqfadloo, aan garanayn
Adiguna aad shiikh tahay, usaguna sharmuud yahay
Oo kula shikaayoon, illeen waa shiddiyo hoog!

Nimaad gabar la shaaximay, shuqduf ilaxir ugu gelin
Oo shuqul gohaadeed, shararraaxin ugu dari
Oo sheemadii geel, boqol xerada ugu shubi
Oo shaharka jiilaal, shabcanaaya caanaha
Oo sheelka gurigaa, shirka talada loo wici
Oo kuu shisheeyaa, usna waa shiddiyo hoog!

Bal nin adiga kuu shara, adna aadan shaxeexayn
Shuqulkii yimaadana, shiqiyoo aan yeelayn
Oo aan shaqaaqiyo, shuushuudaa deynayn
Oo shiranka madashaa, sheeddoo isaga bixi
Oo shalay wuxuu dhigay, maanta kuu shintirinayn
Shareecadiyo khayrkana, shifa aan ku dhiganayn
Shaata haddaa ka baridana, shanshada kuugu dhegihayn
Oo shuuqiyoo kari, iblays baa shidaaye
Shanfac oday Alluu-naar, usna waa shiddiyoo hoog!

Bal nimuu shakaashoo, u shaqeeya ferenjiga
Oo shan iyo toban beri, shaabuuga lal dhicii
Shafshafana loo siinayn, kolay shaata mida tahay
Oo shaaca waabberi Cadan, shacabka ugu kici
Aan shuuna oronayn, usna waa shiddiyo hoog!

Bal nin gaal la shaarugay, shaabbaddiina lagu dhigay
Oo shurugga fuudoo, shaarubbada aan xiirayn
Oo ama shukaan wada, ama shuqul kaluu qaban
Muslinkana shabbihid kule, usna waa shiddiyo hoog!

Bakhayl shaacug weynloo, shiila duxa aan lagu qorin
Oo kuu shumbucullayn, intuu mara shullaha dhigo
Oo sheegiyoo been, shaadir barale kugu wari
Oo kuu shafeecayn, usna waa shiddiyo hoog!

Nin shaaficidu rabtee, ku shuhroobay fulannimo
Shimbirahana aan hubin, hadday shabbaxleeyaan
Oo aan shihiidkiyo, shiishkiyo xarbada tegin
Sharaarana aan deynayn, usna waa shiddiyo hoog!

Gabay nimaan shib ka ahayn, misna shaacir ku ahayn
Aan shaqalka ugu dhigin, madka iyo khifiga shaqal
Oo xarafka sheegiyo, xuduuddana shirrabihayn
Oo shooliyoo oran, shafkeygaa wax jiifaan
Sheegaye midkaasuna, usna waa shiddiyo hoog!

Wiilyahow Shareecadu

Col Daraawiish ah oo Cumar Shiikh Cabdulle ka madax ahaa iyo dad kale oo Daraawiish xiriir la lahaa ayaa ku duulay dcgmo Daraawiish ka fakatay oo Hawd-galbeed degganayd, geel ayayna ka dhaceen. Hase ahaatee ciidan ka xoog badan baa helay, geeliina ka dhacsaday, iyagiina wax la dilay iyo wax la baqo eryay ka dhigay, waxaana lagu dagaalamay Balli-dhiig. Magacaana maalitaas buu baxay. Calidhuux oo ka mid ahaa degmadii lagu duulay ayaa gabay faana mariyey, meelna ka taabtay Sayidka oo wuxuu yiri:

(Sh)

Shuunkii Hartoo wada fadhiya shaaxin golaheeda
Oo Xamar shakaalka ugu jiro shullayarow Maydal
Oo shamaca maadhiinka yari lag iyo shii gaaro
Oo uu shirkooduna dhan yahay shaybe iyo wiilba
Shaqfadlay Bah Geri waa wixii sheemo weeraraye
Cayuun shacabka wiilkii lahaa shaaha karinaayo
Waayeelna xeeb uga shir tegay male Shirshooruuye
Isagaan shaarubloow reer Isaaq shucub aan reebeene
Shamal ay tuntaan iyo haween shuqulkii mooyaane
Sharba idinma daareen haddaad shalay na dhaaftaane
Daraan idin shiddeeyeenba waa naga shisheeyeene
Sheekadayda waad haysataan aniyo Shaywaale
Shanlihii wadaadkaad siddeen shagax ma siiseene!

Dabadeed Sayidku, Calidhuux oo ay horayba colaadi uga dhexaysay ayuu gabaygan gaaban u mariyey, wuxuuna yiri:

Wiilyahow1 shareecadu nimay shuuftay baad tahaye
Shiqiyahow waxaa lagugu nacay sheeka xumadiiye
Shaqfad li’idu waa waxaad u tiri shuun saraan ahaye
Adaan shaato kaa foofahayn sharaf ma laacdeene
Iiddoorka kaa sheexayana uma sharaaddeene
Soomaali waa midaan shidiyo midaan shiddeeyaaye
Adiguna shirshooraad u tahay shirada maantaaye
Shiil baan wadnaha kuugu ridi shuuqda weligeeda
Shifo ma laha geelaan nin lihi ila shaqaynayne
Inaan sheemo weerarana waa shuqul falaadkay e
Inkastoo shareer lagu wadiyo shucubbadii Hawdka
Shaan-shaanka buuraha haddii sheedda laga saaro
Maxaa haatan laga sheelayaa saaddambaan shabine!

  1. Wiilyahow: Wuxuu u jeedaa Calidhuux.

Waayeel Dhadhabay

Darwiishka la oron jiray Nuur-Xaashi Cali Ibraahim, Sayidkuna aad u jcclaa oo uu xoolo badan oo geel, fardo, lo, iyo ariba leh uu siiyay qusuusiddana ka mid ahaa oo uu walaashii C’ambaro Shiikhna u dhisay, oo aan laga filayn xumaan Sayid Maxammed iyo xarunta ku jeedda inuu ku koco, ayaa shirqoolkii Canjeel ka qayb galay. Markaasaa Sayidku qaadan waayey. dabadeedna gabay gaaban ayuu u mariyey oo wuxuu yiri:

Nuuroow1 ninkii dhimira laa, dhowrsadoo baqa e
Mar haddii u dhiirrado xil iyo, dheec Allaa badaye
Ma dheellimatay waayeel dhadhabay, waa dharrici weyne

Mar haddaanan dhiig idinka gelin, dhaqanna kaa qaadin
Oo aannaan hadal dhiifle iyo, dhaw xun idin taaran
Oo aannaan dhimin reer tolkaa, dhamamax mooyaane

Haddii aan dhaqaaliyo wanaag, kugu dhareynaayay
Oo aanan wax kuu dhimin, rag waa la iska dhowraaye
Dhaandhaan miyaa tahay maxaad, iigu dhabatowday?

Rag ninkaan dhurmuumiyaaba waa, dhararaqdiisiiye
Dhurwaaguba haddii uu hal dilo, waa dhayalayaaye
Dheregtiyo ladnaantii miyaad, igula dheelaastay?

Dhifku inuu ku qaban waa hubaa, adiyo dhowrkaaye!
Dhaqsaa Eebbahay kuugu ridi, dhaw aan kaa harine
Waa kuu dhuunkaal soor waxaad, dhugux ka siisaaye!

Waxaan ka qoray Caasha Shiikh Cabdille, sannadkii 1973kii.

  1. Nuur: Nuur-Xaashi Cali Ibraahim, wuxuu ka mid ahaa ragga Dariiqada loogu jeclaa.

Ina-Caliga Dhaaranahayaa

Waxaan gabaygii B-da ahaa ee ka billabanayay “Bogadaawad waataan lahaa, Bari ka soo dhiibe” arrintiisa ku soo sheegnay in Sayidka iyo Maxamuud Cali Shire gadaal ka colloobeen oo dagaal badani dhex maray, duullaamana la is gashay. Haddaba mar uu Maxamuud Cali Shire Daraawiish geel ka dhacay oo uu geel badan oo Sayidku hore u siiyay ku darsaday, Darwiishnimo ha ku siiyo ama Bullo Cali Shire yarad ha ugu bixiyee, ayuu Maxamuud xoolahaas ku faanay. Dabadeedna Sayidku gabayga soo socda ayuu jawaab ahaan u mariyey. Lama hubo in Daraawiishi gabaygan ka dib geelii dib u soo dhacday iyo in kale, waxaase muran la’ ah in geelaasi ugu dambayntii xarunta ku soo noqday. Wuxuuna Sayidku yiri:

Nimanyahow dibnaha lagama dhaho, dhood aan run ahayne
Ina-Caliga1 dhaaranahayaa, dhoohanow falane
Dhab waxaan ahayn lama raboo, waa dharrici weyne

Dhoodkiisa iyo faanku waa, dhuuso tuug ridaye
Hadalkiisa dhiicada leh yuu, nagu dhalleecayne
Dhaandhaanku waa waxaan aqoon, dhowrsi iyo ceebe

Dhif ha laqee waataan ku shubay, dhaqankii xoolaade
Waalay dhuunigaygii wax badan, dhugux ka siiyeene
Waalay abaaraha dhag yiri, dhereg la jiifeene

Wuxuu noo dhurnumin waayay waa, dhimira gaabnaane
Dhallaan weeye oo waa waxaan, dhowrsi garanayne
Dhirta wuxuu la jiiraana waa, dheelallaahada e

Waa dhaaraan run ahayn wuxuu, dhiibanahayaaye
Wow dhoy la’aan inuu gob iyo, dhalad ismoodaaye
Isu dhererinteyduu ku lumi, dhagafki gaabnaaye

Dhibkii aniga iga gaaray baan, dhiilla noqonayne
Dhiigiisu waa fududyahoo, waa dhurwaa lumaye

Dhuurkiisu waw bixi hashii, dhaayinka ahayde
Calahooda dhaadheer hadduu, dhuumashow geliye
Dhoobada magaalada haddii, dhabarka loo saaray

Inkastuu dhawaaquu la ciyo, dhebi anaa qaatay
Inkastuu dhegeeyada warkaa, dhulalka qaadsiiyo
Marna hadduusan dhaqaaqayn, muxuu dhicidda moodaayay?

Waxaan ka qoray Caasha Shiikh Cabdulle, sannadkii 1973kii.

  1. Ina-Cali: Maxamuud Cali Shire.

Dhabdarrada ma Qaayibo

Dhowr iyo labaatankii sano ee Daraawiish iyo gumaysiga dagaalkii dhex maray socday, ayaa Daraawiishi waxay dhisatay 56 qalcadood oo ay dagaal ugu tala galeen, waxay ka dhistccn dalka u dhexeeya xeebaha badda Hindiya iyo tan iyo badyarada Cadmeed, webi Shabeelle iyo iliilaha Karkaar. Waxaa muran la’ ah in dagaalkii markii dambc noqday Daraawiish iyo dad intiisii kale. Haddaba mar Sayidku digniin uga timid Ingiriiska iyo dadkuu watay iyagoo ku baanaaya xarunta inay baabbi’in doonaan, ayaa Sayidku gabay ka mariyey. Gabaygan in yar baa naga soo gaartay, wuxuu yiri:

Xuseenoow dhabbaa loo hadlaa, dhaahso hadalkeyga
Dhabdarrada ma qaayibo sidii, dhabbata naagoode
Waxaan daartan dhoobta ula dhici, dhiillo ii timiye

Ragga dhaarta laga keenaniyo, dhoodka iyo faanka
Anigaan wax dhimin bay dagaal, igu dhaloolayne
Intaan dhagaxa nuuradin balaan, dhegaha laadlaadsho.

Waxaan ka qoray Caasha Shiikh Cabdulle, sannadkii 1973kii.

Hashaan Dhamaca Jiilaal

Mar Sayidka loogu soo ergooday geel ay Daraawiishi Ogaadeen ka dhacday, Sayidkuna diiddanaa in geela la celiyo, ayuu mariyey gabaygan soo socda:

Hashaan dhammaca jiilaal jihaad, dhooddi uga saaray
Dhuuniga wareegada hashaan, goolalka u dhaatay
Dhaxantii habeennimo hashaan, dheelka ugu guulay

Hashii uu dhuyucu ii muday, dhuundhastiyo jiiqdu
Hashii uu dharkii igala haray, Dhiraha baarkoodu
Dhegta waaga goor hore hashaan, weerarka u dhiibshay

Dhagax waaq hashaan kaga dhigee, dhuumasho u diiday
Dhaharkii Qorraad iyo hashaan, Dhuur ka soo didiyey
Dhoorreey hashii aan ka helay, dhidar Ogaadeena

Ninka iga dhaqaaqoo kufriga, dhalida weyn raacay
Inkastuu dhawaaqoo baryada, kor ugu dheeraysto
Ka dhaartaye haddaan siiyo waan, dhalo falluuqoobay!

Waxaan ka qoray Muuse Cartan oo isaguna rag kale ka soo guuriyey.

Xirsiyow Cod Gabay

Darwiish la oron jirey Xirsi Diihaal Halanje, ayaa gabaygan ka mariyay shirqoolkii la magac baxay Canjeel beryuhuu dhacay. Gabaygan oo uu Sayidka ku leeyahay Sayiddii nimankaas xarunta iyo diinta ku caasiyoobey diinta ha la cisaaro oo ha la ciqaabo, wuxuuna yiri:

(Dh)

Sayiddii cod gabay waanigaan, caarif ku ahayne
Adigaa caddeeyaye kan kale, waa calaanbarade
Nimankii Canjeelkii ku faqay, cirdhib ha beeleene
Oo gaalo inay caawimaan, rabay calooshooda
Oo cuurna tegey cuurna tegi, caawa iyo maanta
Aabbow cadaawaha baxsaday, caro ha loo laayo!

Sayidku markuu gabayga maqlay buu wuxuu ka baqay in lagu digniin qaato, dabadeedna colaadday qabaan la ogaado oo taladoodu caan baxdo. Markaa isagoo canaan waayeel Xirsi u jeedinaya, ayuu mariyay gabaygan, oo wuxuu yiri:

Xirsiyow1 cod gabay waadigii, caarif ku ahaaye
Nin cibaara badan lagu shuboo, caalimaad tahaye
Caqligu kaama suulee wadaad, caaddilaad tahaye

Cimrigiisu raagyow adaan, caashaq kuu ahaye
Cindigaa waxaa igaga jira, adiya caynkaaye
Waxaad igu ciseysaan abtow, waa cashiirada e

Cawo iyo ayaan baan ku helay, cuurka aad tahaye
Cafi iyo caafimaad Eebbahay, idinku cuukeeye
Ilaah ha idin caawimo, ducaan kuu cawilaayaaye

Ka cifada ciyoontaba wuxuu, ferenji kaa cayrshay
Camal suubban iyo ceeb la’aan, cawro ku la’aada
Caydh iyo cadaabkii Allow, cidaha haw keenin

Afartaa intaan kala cayimay, calanka maw taagay
Cunsurtiisa lama seejiyee, cayn ma ka higaadshay
Cuntub kalana waa ninka ay, caradu kaa hayso

Amba ciilka waa kula qabaa, caadda kaa maraye
Cadaawuhu wuxuu ina ku falay, waa cir soo dumaye
Waxba haw calaacalin rag waa, kii calool adage

Wiilyahow catowgaagu waa, camal haweeneede
Haddaad cuurar reeb tahay dagaal, cawga kuu yimi e
Maandhow ciyoon lama ordee, ceerida ha jeexin

Maandhow ha ceelqodin markaad, nala cawaynayso
Cadanyadana yaan lagugu garan, caabuq baa jira e
Sidii nimaan colaad qaadanayn, ciira hays gelinnin

Gorayada callaa loo dhigay, caw ku noqotaaye
Ninkii caaciyoo baafiyaan, cago ku gaarayne
Isagoo careefluu ka hadhi, caallihii wadaye

Ugaadhaba wax lagu caabbiyaa, waa carcoorriga e
Cadceedda iyo kobaha waa laga, cillaataaye
Casharaari bay geli haddaan, laga ceshiimayne

Yeeristaba cabbaar bay Midguhu, u ciddi laabaane
Mar bay caamilaad ugu ridaan, meel ciriiriyahe
Markay caasha keentay mariid, kaga soo cufsiiyaane

Cawshiyo biciidkaba cidlaa, caadadood tahaye
Cid islaama goortay arkaan, waa ka cararaane
Ninkii cimil u gala yaa falladh, cuuraduu dhiga e

Coomaadi samadaa wuxuu, cirarka meeraaba
Casaan dhiig leb goortuu arkuu, ciiro soo kicine
Carshiguu ku soo degi intuu, coofka soo lula e

Aarkuba wuxuu caynta iyo, calaha meeraaba
Maruun buu carraabo ugu iman, reero cidhif yaale
Habeenkaa wuxuu cunana waa, kaga cabaadshaaye

Maroodiga cadhoolaa rag baa, caymiyo rara e
Cududdahana waa laga xiraa, lagu cayaaraaye
Maandhow haddaan la carbiyin, waa cawraqabihiye

Anna ciidda waxaan jiifsadoo, car igu duulaaba
Cirridda iyo suudiga waxaan, calal hagoogtaaba
Cayn nimanka joogaa waxay, igu caraadaanba

Calool xumo daraaddeed waxaan, cagaha jiidaaba
Maruun baa cusaybkii adduun, caalin i dagane
Oo Eebbahay ii cad goyn, culuqya waaweyne

Maandhow cishiyo leyl Rabbaan, calaf ka doonaye
Maandhow ciyoon aarso waa, talo carruureede
Maandhow cirroolaan ahaye, igu ciraab qaado

Maruun baa caseeyaha la heli, caaradhuubyada e
Cuqle miduu ku laabudan yahay oo, caaridaa heliye
Jeeruu curraafkaagu baxo, dirir ka caadeysan.

Waxaan ka qoray Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon, sannadkii 1957kii.

  1. Xirsi Diihal Halanje.

Afar Halaad Cayuunyahow

Geela Daboolane la baxay ee Daraawiishi Habaryoonis ka dhacday gabayadii laga tirshay ayaa gabaygani ka mid yahay. Wax badan baa geelaas ergo laga daba diray, hase yeeshee, qob iyo qabuul midna lagama gaarin. Markii hadalkiisii batay ayay Daraawiishi goosatay inayan celin iyagoo u cuskanaaya in gardarrada iyo maaggaba looga horreeyey, gaalana garab iyo gaashaan loo noqday. Dhawr gabay oo Sayidku taas ku muujinaayo ayuu mariyey, waxaa ka mid ahaa gabaygan oo uu Sayidku yiri:

Caqlilaawe Iiddoor, waxaadan iigu coobbayn
Afar halaad cuyuunyahow, callinnimo u yeesheen
Mid waa inaad caseeyiyo, cudud gaalo u noqoteen
Midna culuq Allaa oge, horaa wax u cantuugteen
Midna ceeb ma weydide, idinkaa carrada dilay
Marna geela caaqyahaw, calaf baadan ku lahayn

Afartaa cutuubiyaye, cutub kale waxaan iri
Haddaan caamadiinniyo, cuqaashiinna gowraco
Ay culimadiinniyo, caydhiinnu dagaagaan
Aanan caymo kaga tegin, cidihiinna oo idil
Afar halaan cilleeystaan, ciilku iiga bi’ihayn
Mid waa ina-Cutuub1 iyo, Igarraha2 na caalaqay
Midna ka cifayn, culimadeydun layseen
Midna waa calaadkiyo, Colujoog halkuu yiri
Midna waa carruur yahay, cayaartaad igu maagteen

Afartaa cutubiyaye, cutub kale waxaan iri
Haddaan aniga caaqibo, Caynaanshe igu nicin
Cakuse aanu igu oran, Cabdi bariyo reer Weyd
Raggii Ceelcad3 lagu jaray, Cawil iiga soo naqa
Coodkii la qaadana, ciyoon iila soo orod
Ciise4 Dhoollawaa iyo, cashuurtiinna ii keen
Doonnidii la caarshiyo, cukaddiina ii dhiib
Cayn5 iyo dalkaygana, cagta hayga soo dhigin
Dabadeedna cay iyo, cantar yaa la ii celin

Haddakale collownaye, bal cod gabana iga maqal
Haddii laygu caashaqo, caskar iyo maraakiib
Haddii ciidan fara badan, laygu soo carcoorriyo

Hadday soo cabaadaan, cadcad iyo saraakiil
Haddaad soo cafuuftaan, ciiddaa masaalkeed
Haddii cuurarkiinniyo, Ciidagale i weeraro

Cimrigey intaan jiro, cadow hadduusan ii turin
In kastaad carootaan, ama aad curraftaan
Marna inaan cabiidsamo, caqligiinna yey gelin!

Waxaan ka qoray Xaaji Aaden Biixi Boos sannadkii 1957kii.

  1. Ina-Cutuubi: Waa Cali Cutuubi, wuxuu u shaqayn jiray Ingiriiska, dabadeedna waxaa la-taliye looga dhigay ciidamadii Ingiriiska ee Daraawiish la dagaalamayay.
  2. Ina-Igarre: Xaaji Muuse Igarre. wuxuu ahaa la-taliye Ingiriiska daacad u ah, ciidamadiisana ka tirsan, waxaa lagala tashan jiray arrimaha Soomaalida, gaar ahaan Daraawiishta iyo sidii loo baabbi’in lahaa iyo maammulka dagaalkooda. Wuxuu ku dhintay Hargaysa 19-
  3. Ceelcad: Waa toddobada ceel oo xiriira: Dhudub, Gallaadii, Baxdo, Bixis. Yeygalo, Ceelfurdaan iyo Dhunyaayaale.
  4. Ciise Dhoollawaa: Wuxuu ahaa Darwiish badmaax ah, wuxuuna qabay Sayidka walaashii, Rooxo Shiikh Cabdulle. Isagoo doonni shixnadan wata oo Daraawiish dab uga doonay dalalka carabta ayaa Ingiriis badda ka qafaashay isaga iyo doonnidiisiiba.
  5. Cayn: Waa dhulka looga cabbo ceelka Caynaba.

Cawskii Nugaaleed ka Badan

Goobtii Jidbaalle ee Daraawiish lagu jebiyey markay dhacday ka dib ayaa waxaa usagoo Daraawiish ku diganaya gabay u soo mariyey, Kaarshe Guuleed Niiqle oo Kaarshe-Salliiq lagu naynaasi jiray. Gabaygan oo aannu mar labaad ku soo sheegi doonno xarafka qaafka ayuu Kaarshe tiriyey:

Daraawiishta qooqani markay nagu qamaamaysay
Maw qarinnay maadhiin qacliyo qabar aan loo sheegin
Maw qubatay sida roob guyoo yare qayoodaaya
Qudha kalama yaabine dagaal qiraleh maw keennay!

Inkastoo Sayidku gabaygaas jawaab ku habboon ka celiyay, haddana Daraawiishi waxay ku dadaashay ninka Daraawiish ku digtay in la dilo isaga iyo walaalkiis oo la oron jiray Xirsi Gardarro.

Kaarshe-Salliiq iyo Xirsi-Gardarro, waxay ahaayeen laba nin oo walaalo ah, waxaa la oron jiray ilmo Guuleed Niiqle. Waxay ahaayeen laba nin oo af iyo addinba Daraawiish far dheeraatay ku noqotay, rag badan bay ka laaycen, xoolana way ka dhaceen.

Col Daraawiish ah ayaa maalin degmadoodii galay, hase ahaatee inkastoo Xirsi la sigay, haddana maalintaa lama dilin, kolkaasaa Sayidku nimankii colka madaxda u ahaa u jeediyay canaan guubaabo ah, oo wuxuu mariyay gabaygan gaaban:

Xirsigii candhada reer lahaa, caaqa inankiisa
Ee cuurarkeenni qirtee, ciiska weyn geliyey
Cidla aniga oo shalay ka helay, ma anan caynsheene

Caqlilaawayaaalow tolnimo, kuma ciseeyeene
Caarkiyo xiniinyaha magliga, kalama ceeseenee
Hilibkiisa waa cuni lahaa, caadaqaataha e

Maantaan caddaaddiyo anoo, canuga oo wiila
Cawskii Nugaaleed ka badan, caalinkuu dilaye
Ma colbaad ahaydeen ragguu, ciirada u laayey

Nimaan ciilba qabin baa I diley, calaf-u-doonkiise
Casho keliya aad maqantahaa, cadad ku dhaafaane
Cadowgay ha jabo ee kobtii, Caliyo maan joogo!

Arag gabayga 88aad.

Kaarshow Camaadaa Tahay

Gabaygaa hore markii la tiriyay ka dib, ayaa Daraawiish caratay oo colaad iyo caraad, weerar cad la xiratay. Dharaartii dambe ayaa Kaarshe cidahoodii col la geliyay oo mareegaha loo furay, raggoodiina haadka loo wadhay. Dabadeed gabaygan oo digasho ah ayaa Sayidku mariyey, oo wuxuu yiri:

Kaarshow1 camaadaad tihiyo, eaama doora lehe
Callinnimadu waa taad ku tiri, codaan ahaanayne
Cadaab lagu ridyoow sida dameer, waadigii ciyaye

Waataad caraad ii lahayd, car iyo waywaye
Carrabkaaga waa taad ka tiri, cuurar baan jariye
Ceebaalayahow waadigii, cayda soo diraye

Aniguna cagtii waxaan ku iri, caallayahow jooge
Casha fuushayaa iyo baddiyo, Cadan u dhooftaaba
Inaan lagu cafiyin waanigii, kuu cayimay jeere

Haddii shalayto ciriiriyo habaas, culus laguu keenay
Cidihiinna oo idil haddaan, caymo lagu reebin
Oo adiga cararkii dorraad, lagugu caateeyey

Cashiirooyinkiinnii haddii, cidhifka loo qaaday
Oo caaradhuubtiyo warmaha, lagu cuquubeeyey
Oo curaddadiinnii tukaha, lagu cayaarsiiyey

Cabaadkii ka baxay Cali Barraan, la cajabaayaye
Kolkii ciiski weyn lala dhacuu, caagaagey! yiriye
Cindigey waxaan goconayaa, codoshadiisiiye
Cabdulle iyo Warsame waanigii, dhigay ciriiddiiye
Waxaa Shire warmaha loogu cugay, cadho daraaddeede
Waatay sidii cawl bakhtiday, cadayga jiifsheene

Caqli haddii ad leedahay wax baa, la citibaarshaaye
Cindigaa wax laga fiiriyaa, caynka ay noqone
Curka laguma soo dhego waxaan, kuu cubtamihayne

Nimankii cabiidshaannu nahay, gaalka coofta lehe
Adiguna caskari baad ahayd, caadaqaate ahe
Haddii adan na caaliqin annana, kuma cisaarreene

Caawana maxaad oron lahayd, cayn kalaa yimide
Mase waad calaacali gun bay, caadadeed tahaye
Citibaarta adigaa faliyo, camalka shaydaane.

Waxaan ka qoray Ciise Fikad Faarax, sannadkii 1957kii.

  1. Kaarshe: Kaarshe Guulecd Niqle (Salliiq), gabay digasho ah buu Daraawiish u mariyey markii Jidbaalle lagu jebiyey.

Ogaadeenka Ciideed

Boqol nin oo Daraawiish ahayd oo ay reer Dalal gardarro u laayeen baa Daraawiishi aad uga xumaatay. Dabadeed col lixaad leh ayey Ogaadeen u bixiyeen. Waxay geel lahaayeen, duunyo waxay lahaayeenna waa taabeen. Gebagebadiina waxay ku oodeeen balliga la yiraahdo, Caado. Dhowr toddobaad ayay halkaas ku sugeen raacdo geelaas ka daba timaadda, hase yeeshee wadnaa diiday in hal Daraawiish u gacan gashay qori laga daba tuuro. Ka dib Sayidku gabaygan ayuu mariyey:

Awal maanso caashaq uma qabin camalo sheeggeede
Calooshayda uun baan ka helay inaan ka caagaaye
Cod yaroo isoo galay balaan caynka ka higaadsho

Ogaadeenka Ciideed1 ma dhamo caano loo shubaye
Cawdiyo firaashkiyo dermada kuma caweeyaane
Nimankii xadrada caayi jiray culus ma maalaane

Ninkii caasiyaan Eebbahay cidhib ka reebayne
Geelii casuurada ahaa cooddidiis helaye
Camankayga waxaa loogu riday calaf Ilaahaye

Cudud nimaan lahayn baan ka helin duul cadaawa ahe
Cuyuunkii galbeed maalintay cararaqlaynaysay
Cabdilliyo Subayrow markay kuugu cabanaysey

Caqlidiirsha maantay lahayd yaa ciddii Dalala
Ee aan caraadkiyo ku daray cayda iyo maadda
Inaad ciiska soo rogato yaa kuu cindi ahayde
Waxaan Caado2 xeraduuga dhigay ciidan baw imane
Inaad ciil badan u dhiman waad ogayd amase caydheedc

Haddii aad caddaan uga tagteen ciiradii shalayto
Aad cagaha rogateen sidii cawsha iyo siigga
Anigaa cidii immanaye Ceelis3 igu dhowra!

Waxaan ka qoray Abokor Seed, sannadkii 1972kii iyo Jaamac-Barre 1973kii, wuxuuna la socdaa gabayga 35aad iyo kan 111aad.

  1. Ciid Waa dhulka ciidda guduudan leh, oomanahana u badan.
  2. Caado: Balli ku sariiran Haraxagarrey.
  3. Ceelis: Waxaa la yiraahdaa Bullaalo iyo ceelal ku xeeran.

Caliyow Calaacal iyo Way

Sida ragga taariikhda aqoonta u leh, warkoodana lagu kalsoon yahay laga wariyay, Cali Aadan oo loo yiqiin Calidhuux, wuxuu ka mid ahaa raggii Daraawiish ka fakaday dabadeedna dagaal kala horjeestay oo colaad weyn u qaaday. Dagaalladiisana waxaa ugu weynaa gabay uu Sayidka iyo Daraawiish u mariyey isagoo isku diraaya, ama kala kaxaynaaya Daraawiishta oo dhexdooda xumaan ku abuuraya si ay u kala yaacaan.

In kastoo ay gabayada Calidhuux mariyay badnaayeen bal aan ka soo qaadno gabaygii ugu darnaa isagoo Sayidka ka xumaan sheegaya Daraawiishna ku guubaabinaya inay xarunta isaga tagaan, kuna faanaya meesha uu tagay oo Berbera ahayd. Wuxuuna Calidhuux yiri:

(C)

Ninkii weligii diintii bannaan, daacad uga sheega
Dariiqii Rasuulkii ninkii, diirka uga qaada
Daw kulama soo baxo cilmiye, waa la diriraaye
Doofaarraduu wadan jiruu, dila yiraahdaaye
Iyaguna markaasay ku didi, diidi mahayaane
Bal in meesha lagu doorsan yahay, waxu dalilkiiya
Duqaydii badnayd ee ku lumay, duudsi iyo jeedal
Dammanaanshahaa reer tolkay, loogu daw galye
Sidii bay u dabaroorayaan, daallinkii rogaye
Doox iyo hadday nala degaan, degalka Buuhoodle
Waxaan lagu durdurin Eebbahay, uma darraadeene
Sidii dumar dagaal iyo afxumo, uma dul qaateene
Diyaar uma hadlaan wiilashii, dowladda ahaaye
Hadday deris wadaagaan nin kale, dacal ma waayeene
Alla may iskaga soo durkaan, deris ma laayeene
Daaroodka ay wada dhasheen, diriyo baabkiisa
Daymadii Ilaah Maxamad-Dage, nooga derejeeye
Kuwa weli ku debandeebayaan, duxi ka raacayne
U digay oo u digay oo duulka waa, loo dan leeyahaye
Haddaan anigu daar dheer ka koray, oo daf iri Saaxil
Iyaba doorte daayeer gar cuna, kii dulleyn jiraye
Dabada hayska raacshee, bal maan deysto hadalkayga!

Sayid Maxamad wuxuu ahaa aftahan aan hadal lagu gaarin, afmaal laga badin, qob iyo qaddana ku darsaday, isagoo Calidhuux u jawaabaya wuxuu yiri:

Caliyow1 calaacal iyo way, ciil ma bi’iyaane
Weligaa catow baad taqaan, sida carruureede
Waad uun cabaaddaa sidii, caamadoo kale e

Caqli haddaad leedahay wax baa, la citibaarshaaye
Cindigaa wax laga fiiriyaa, caynka ay noqone
Cudha laguma soo dhego waxaan, kuu cuntamihayne

Kaarshaa2 cirriddii ku lumay, caasiga ahaaye
Isaguba cagtii hore ma qabin, col iyo laayaane
Markuu cayda noo soo diraa, cuur ku soo dumaye

Adiguna nin cayryoona oo, caariyaad tahaye
Cilciluhu wuxuu kuugu dumay, cirir shareer weyne
Aar soo cargaagtama hayaad, did u huruddaaye

Wax caraada caaqyahow ninkii, didan kuu heeliye
Mar hadduu cashiir laawe yahay, waa calaan jabane
Cabeeb buu ku tarayaa waxaad, cululubaysaaye

Waadigaa cidoodaye haddaad, goraya cawlowdo
Ceelkii Dannood3 iyo haddaad, Caada4 kor u dhaafto
Carshintaada waa kuugu iman, meesha iyo Ceege

Waa lagu camaadaye wed baa, cawga kuu yimide
Cuqlaa adiga kuu baxay haddaan, kuu curraftamaye
Haddaad cararto ceeriga badeed, yaa ku soo celine

Ingiriis cadaabkaan ku dhigay, ima cilleeyeene
Cawar iyo wuxuu garanhayaa, cuurarkaan jaraye
Wuxuu haatan caw iigu dhigi, caaqibaad heliye

Cabdulle iyo Subayr Maxamad baan, igu cayaareene
Waa ciiradaan dhigay waxay, igu ciseeyeene
Caawimada waxa ii wada, waa ciddii Dalale

Majeerteen canshuur baan ku qoray, curaddadiisiiye
Waa camaradii Nuur Cismaan5, caydhan suudaliye
Cimiil wuxuu lahaa Keenadiid6, cuud ma foofsado e

Ma kala cayshno oo uunku ways, camal yaqaannaye
Cajabayey dadkii waxaan ku nacay, waa ciraab li’iye
Waxa ila cilaaqtamiba waa, ina Cawiifeede7

Coontii waraabaha cayilay, camashka daaqayey
Oo ay cinaab uga riddee, caraso ooyaysey
Waa ninkii cidlada nooga tegey, cawro waysaga e
Cidla ciirsilaad waxa u kaca, dahad caloolweyne
Waa ninkii cayuuntooba dhaqan, caacis dhaafsadaye
Waa ninkii sidii reer Canjeel8, caanihii qubaye

Cuquubiyo nabsigu waa waxaan, cirib kaa reebayne
Waa ninkii cishaba naga gudee, cayn ka dhaadhacaye
Waa ninkii tolkiis oo cammiran, cayrshay oo rogaye

Bal hadduusan caatuba lahayn, calalna waa maare
Oo uusan caynteeyna gudin, Cadan haddaad geyso
Bal muxuu ku calalaafi waa, caalle dooro lehe!

Waxaan ka soo guuriyay Axmed Cali Abokor.

  1. Caliyow: Wuxuu la hadlayaa Cali-Dhuux.
  2. Kaarshe: Wuxuu ujeedaa Kaarshe Guuleed Niqle (Salliiq).
  3. Dannood. Waa balli caan ah oo ka mid ah toddobada balli ee Haraxagarrey,
  4. Caado: Waxay ka mid tahay ballida Haraxagarray.
  5. Nuur Cismaan Yuusuf.
  6. Keenadiid: Suldaan Yuusuf Maxamuud oo Hobyo u talin jiray.
  7. Ina-Cawiifeed: Wuxuu ula jeedaa Cali-Dhuux.
  8. Reer Canjeel: Wuxuu ula jeedaa nimankii shirqoolkii Canjeel-talawaa dhigay.

Indha-Caadlayaal

Iyadoo ciidankii dagaalka ee Maarraweyn la baxay oo Daraawiishi ku faani jirtay ay jahaad dheer iyo hanoonis meela kala duwan ugu maqan yihiin, ayaa geelal irmaan ah oo xarunta loo caanateelo col-waqooyi galbeed uga soo duulay qaatay. Niman qusuusi iyo wadaaddo u badan oo xarunta joogay ayaa raacdo galay. Hase yeeshee, geelii intaysan gaarin buu ka gurgalay, iyagiina raacdareeb baa heshay oo si xun iyo si xil leh rasaas ugu gashay. Dabadeed dib bay xaruntii ugu soo laabteen, waxaana lagu xantay inay soo baqdeen.

Darwiishna baqaha iyo cararkuba ceeb aan harin bay ku ahaayeen. Sayidku isagoo nimankaas fuleynimo ku tilmaamaya, inay soo baqdeenna ku cambaaraynaya, ayuu gabaygan mariyey oo wuxuu yiri:

Allahayow nin libin cawrsadaa, caafimaad qaba e
Nin kaloo iscakoodiyaan, calaf ka dheefeyne
Citibaarahaan qabo balaan, caynka ka higaadsho

Indha-caadlayaashii dilay, col u qalqaaleene
Kuwii carari jiray bay dagaal, caana geliyeene
Cayn iyo Saraar jiidan bay, Carab u fuuleene

Ina-Qodob1 cirbiidsiga miyuu, Cadar ku hayn waayay
Cawskii bannaanada miyuu, caarad waran moodey
Ma cambuulihii2 fooryayuu, siidhi camal moodey

Obsiyii3 iscoofaarin jirey, camal Dalaleedka
Markii laysu soo ciyey miyuu, caday ka boodsiiyey
Ma carcoorriguu baxay sidii, cawsha iyo siigga

Markuu Oogle4 coolliyahayuu, cayda baadiyaaye
Cidna uma bushuuq dhaho haddaan, la isu caaleyne
Goortii ridada loo coguu, cayga soo qubaye

Candharaasha dumar buu yaqaan, ciir-ka-barigoode
Mirihii5 caseeyada ahaa, cabey ayaantiiye
Colowow! miyuu yiri markii, lagu eayaaraayey

Markii Faarax6 cawcaw gabee, calalladli xooray
Cuukaarsanow Guuliyaa7, garab cambuullaaye
Isaguna cabayr buu ka dhacay, curadkii looyaane8

Weligiisba ciis sooma rogin, ciira dirireede
Goortay ciriiriga gashuu, caano leeyahaye
Gurxan cay nabkiisii miyuu, calaha jeexsiiyey

Markii lagu cabaaduu fuluhu, cimilka jeexaaye
Cirba-salamadhlow Gaanni9, sow iskama caymin
Cawska waaga iyo fiid miyuu, baqa ku caatoobay

Saleemaanna10 cawduu-billee, caariyuu falaye
Ciyoonkaba hadduu kaga rogaan, cidi durreyseene
Comcoomiskii Tuumiyuu, caaradkii tegeye

Cantallaaga lna-Aadanaa11, cawro sii dhigay e
Cindixumo Qamaanl2 waa wixii, looga caal gabaye
Iscamaaliqiisii miyaan, lagu caneeqaadin

Goortii rasaas loo cayimay, lagu cabbeynaayey
Abshir13 sow calaacal iyo way, kuma cataabeynin
Sow caagayey lagama siin, calan intuu taagay

Isagaa naftiisii caddibay, callaggi dheeraaye
Isagaa cariishkii ka baxay, cawda loo dhigaye
Cawrala14 miyuu moodayaa, cadawga reemaaya

Cadadkii Daraawiish ninkay, wada ciseyneysay
Sidii caaddilkii boqor ninkii, cuurku daba joogey
Xirsigii15 na camajaajin jirey, haadda la cunsiiyey

Caydiid16 jaloofihii miyuu, coobbaha u taagey
Goortuu cabsood galay miyuu, nadi ku caaryeeyey
Cantatoobsigii Bood miyuu, caga-bidhlaysiiyey

Cirinciir markii laga arkay, dib u cillaaleene
Cararey! markii lagu lahaa, sow ma carareyne
Cabbaas iyo Cismaan17 Xaaji sow, caado kama jeexmin

Laba Xaashi18 ciiryaamadey, cabaska raaceene
Darmaanihii cutuubiga ahaa, sooma celineyne
Ceeriga maruun bay baqaa, ku callaqnaayeene

Cabdullaahi19 baan uga rab oran, culus dagaalkeede
Codkar geesinnimo looma filo, caynka uu yahaye
Maxamuudna20 tii laga coldhuu, caasigii goconne

Wiilkii cayaaraha nabdeed, la cabdillaynaayey
Wiilkii cilaaq nagu dilee, ciriq xumoonaayey
Ina-Cumar21 cafaaraha dhacuu, caarre jeedlay e

Weligood caddaan lagama helo, caamo hadalkeede
Muusaa22 cargaagtamahayey, igu cabbeebsheene
Goortii la caabbiyey Warfaa, Cali miyuu sheegtay?

Waa cawro nimankii dorraad, ceebta noo wadaye
Mid caallaa cawaarguun midloo, madax la ciiraaya
Mid caabuqa mid caaceeya oo, la candadowleeyey

Mid canda ah caama midaan, caynna garanaynin
Mid cuuclaa mid ceesaan gadhlaa, cilin kabajaaya
Mid calaana coon guuxayoon, caad u baxahaynin

Mid cigcigan mid ceerdhaansanoo, cugufta laabaaya
Mid cafuufan cooflaha kaloo, cuf iyo baarkiiya
Mid cantaray mid kibir caacicayoo, curarka seyraaya

Mid candhuuf tiriiriqinayoo, cadaf ka sii liita
Mid catira cannaasaha manjaha, culuq la jiidaaya
Carmal jilicsan caalyaha mid lula, caarka iyo fiidda

Mid cayuuqa coomaade godan, gorayo caal siiban
Mid cawaran mid daba caysanoo, cayn ku meeraayo
Mid cuqda ah mid ciil hore qaboo, cudur-Alluu-keena

Mid ceeqsaniyo mid ceel qodanayoo, ciidda faganaaya
Mid ciddiya-farow iyo taah diloo, naga cidoobaaya
Intaasoo carrada buuxisaa, laysku caajimaye

Bal haddeyan caawimada diin, ka carfi dooneynin
Bal haddeyan waanada cilmiga, camal u yeelaynin
Oo ayan cooflaha kufriga, ciiro diriraynin

Bal haddeyan coodkooda dhacan, culuq ka reebeynin
Bal maxaa cadaab lagu ridyow, cagidi dhaafsiiyey?

Gabaygan waxaan ka qoray Soofe Durraan iyo Caasha Sheekh Cabdille Xasan.

  1. Ina-Qodob: Warsame Qodob
  2. Cambuul: Qodax buuran oo ka baxda galoolka iyo sarmaanta, oo markii dabayli dhacayso sidii siiriga u dhawaaqda.
  3. Obsiiye: Obsiiye Seed Magan. Waa Sayidka abtigiis.
  4. Oogle: Oogle Seed Magan Waa Sayidka abtigiis.
  5. Mire: Mire Gorgor Warsamc Magan.
  6. Faarax: Qaloombi Waaley Magan.
  7. Guuliye: Aw-Guuliye Xiddig Waaley Magan.
  8. Khaliif: Khaliif Looyaan Seed Magan, wuxuu ahaa Sayidka ina abtigii.
  9. Gaanni: Gaanni Gaalleef Cali Xaad.
  10. Ina ayihiisii wax garta lama arag.
  11. . …
  12. Qamaan: Cabdi-Qamaan Aaden Ismaaciil.
  13. Abshir Dhoorre: Wuxuu ahaa la taliyaha Sayidka, ammaanduule ciidamada Daraawiishta, geesi dagaalyahan ah, waxaa lagu dilay Garloogube 1927kii, waxaana dilay ciidamada Talyaaniga.
  14. Cawrala: Cawrala Sayid Maxamad.
  15. Xirsi: Xirsi Cartan Boos.
  16. Caydiid: Caydiid Dige Dhoorre.
  17. Cabbaas iyo Cismaan: Cabbaas Xaaji Cabdiraxmaan iyo Cismaan Xaaji Cabdiraxmaan.
  18. Laba Xaashi: Xaashi Fooyaan iyo Xaashi Cabdi Geydhe.
  19. Cabdullaahi: Cabdullaahi Aaden Oogle.
  20. Maxamuud: (Daahwareershe) Aadcn Oogle.
  21. Cabdullaahi: Cabdullaahi Xaaji Cumar Cusmaan Shiikh, waxaa lagu diley Gondadhiiglc.
  22. Muuse: Muuse-Waranle Warsame.

Kuwii Cararay

Sidaan horay u soo sheegnay Daraawiish carar iyo baqaba ceeb bay ku ahaayeen, hase yeeshee, nman aan dagaal aqoon u lahayn ayaa duulay mar ay ka war heleen ciidan Ingiriis inuu foodda ku soo hayo, waxaanalaysku helay Caynaba. Dabadeed, nimankii markii xabbaddu isku dhacday ayey baqo jaanta wareen.

Sayidkii isagoo canaananaya una sheegaya inay caado aan Daraawiish lagu aqoon curiyeen, ayuu gabaygan mariyey. wuxuu yiri:

Kuwii cararay maantii kufrigu, ciiro soo kiciyey
Coodkooda nimankii baxshayee, ciiska rogi waayey
Carabley ku joogeen kuwii, cayris kaga rooray

Cakuyey! Kuwii dib u curtaa, ceebta noo dilaye
Cudurlaaga waa lagu yaqaan, inay cabsoodaane
Waa caadadood baqo inay, caga caddeeyaane

Maantaan cirroobiyo anoo, canug ah oo wiila
Carradaba wax badan baan maroo, coobir baan ahaye
Cawroo kalay nagu noqdeen, caabuqii didaye

Allahayow, Canjeelkii1 tanaa, iiga ciil badane
Anna carada waxa iigu wacan, waa cid li’idiiye
Cashadii Daraawiish hadday, cidaha noo joogto

Cindigaan ka suuraynayaa, camalladoodiiye
Sidii aar cargaagtamahayey, caran lahaayeene
Ciyoontaba waxaa dhici lahaa, dirir cafaariide
Caddaan miiran iyo Sowjar2 bay, cani lahaayeene
Cafi ma laha nimankii dorraad, gaalka caawiyaye

Cadowgood Alluu-jebigu waa, nagu cayaareene
Casiisow cadaab duulku waa, caasi khayr darane!

  1. Canjeel-tala-waa: Geed magaciis, wuxuu ku yaal togga la yiraahdo Gubad oo magaalada Eyl ka xiga hilaadda 20 km. geesta koonfur-galbeed. Wuxuu geedkaasi ku caan baxay, guyaashii Daraawiishi degganayd Gellingaalle oo geedka u jira 1.5 km ayaa waxaa ku shiray guuto damacsanayd inay xarunta afgembiyaan. Sidaas baa geedkii loogu bixiyey Canjeel-tala-waa.
  2. Sawjar: Waa magac lagu tilmaamo dablaha ciidamada Ingiriiska.

Cara e Yaa Sheega?

Xaaji Goonni oo gabyaa caana ahaa, jeerkaasna ka mid ahaa dadkii Hobyo looga talinaayey, ayaa gabay halxiraale ah oo ulajeeddadiisu tahay inuu Sayid Maxamad ku caraadiyo mariyey, waxaa gabaygiisa ka mid ahaa:

(G)

Rag cayaayir iyo maanso waa camaladdiisiiye
Caynaanka anigow hayiyo celiyihiisiiye
Kol haddaan callaqo looma furo cagaha dheeldheele
Lix iyo toban halaan soo cayimay caynka ka hijaadsha

Weel caanihii laga dhamee canuggu heemaarshay
Oo ciidda loo dhigay afkii laga casheynaayey
Oo dhayi caaddaa ka tahay waa cajabe sheega!

Ceesaama kuu dhalahayaan dhiilo loo culannin
Oo naaso cayntood lahayn waa cajabe sheega!

Cariish meel ku yaal oo aroos loo calaamadiyey
Oo aadan cimrigii daawanayn waa cajabe sheega!

Ceel buuxa aan laga cabbayn cidina kuu diidin
Oo maaxi caaddaa ka tahay calawna keenaaya
Oo maalka calaf looga shubin waa cajabe sheega!

Calaf aan laguu qorin asaad cuni aroor noolba
Aan caato iyo gaajo bi’in cawro waysaga e
Oo aanad cayaar uga dhergeyn waa cajabe sheega!

Cad baruur leh caysh iyo bariis caawa lagu siiyey
Aad caafimaad iyo kalgacal calaliso laysay
Oo aadan cawaysimi karayn waa cajabe sheega!

Caal weyn lo’aad iyo libaax, caranayoo jooga
Oo xero ciriiriya ku jira caabuqna is yeelin
Aan xoola looga cabsanayn waa cajabe sheega!

Waxaad cuni asaan Eebbahay kaaga calaf yeelin
Oo aadan eayaar kaga dhergayn waa cajabe sheega!

Cir onkodey hillaac laga cabsaday karar cabaadaysa
Oo rays cirbaha laga dhigayn waa cajabe sheega!

Waxaan caaradhuubyadu dhex marin calalna jeexaaya
Aan ciiska waran lagu karayn waa cajabe sheega!

Caqid naagaan lagu guursanoo cawda kuu gogosha
Oo aadan cadaab kaga baqayn waa cajabe sheega!

Caday waxaad ku laysiyo ulaad caro u soo tuurtay
Oo aadan dad kaga ciil baxayn waa cajabe sheega!

Cawshiyo biciidkaa arlada cararayee jooga
In kastoo ciriid iyo kulayl lagu cisaareeyo
Calooshooda oon lama gashee waa cajabe sheega!

Taa dabadeed Sayid Maxamad intuu gabaygii wada furay ayuu isagiina u diray gabay kiisa ka badan oo hal xiraale ah.

Gabaygan waxaa ka buuxa murti iyo xikmad aan qiyaas lahayn oo qof walba u jiideysa inuu wax badan ku fakaro, wuxuuna Sayidku yiri:

Nimanyahow ciraab laguma kaco, curuf la’aaneede
Cod xiraala oo wada cajaba, cayn aan ka higaadsho
Wax cadoo madow baan arkee, cara e yaa sheega?

Shabeel caar leh caysuun dhurwaa halaq cammuudaasa
Aar coofle oo cararayaan, la carbiyeynin
Oo aan wax cunin baan arkee, cara e yaa sheega?

Cad baruur aan laga goynin oo, caata weligiis ah
Oon gool caddun badan la siin, ciniqna dheereeya
Caynkaasna anigaa arkaa, cara e yaa sheega?

Dibi caynaboo gabar casoo, cuurrin lagu qaaday
Oo ruux sandaasha u cuskan yahay, cimilna loo dhaabay
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Wan cafuufanoo doobbir wado, madaxna caal haysto
Geesoole ido caymiyey oo, caadda kaga jooga
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Ceesaan aan riyi foolan oon, caana ari nuugin
Dibqallooc nin coobbaha hayoo, cunaha jiidaaya
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Tuke maarre ciiro u sitoo, col u dareeraaya
Quraanyo canateel laga dhacoo, cuudka daba joog
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Waxa caanataynkiyo ka fudud, caaradiyo baalka
Culaysna loogu go’ay oo nafluu, caajis la ahaaday
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega!

Xiddigaha cishiga oo barkood, cuni sabuul beera
Deel caana oo lagu callaqay, cur iyo faynuusyo
Caynkaana anigaa arkee, care e yaa sheega?
Wax cadceedda aan joogsanayn, cadar hadduu waayo
Oo aan cirrid iyo kulayl, cawrka gelihaynin
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Wax calahaa ka dheer baa jiroon, cidi ka gaabnayne
Ciribdhiibsi kuma gaari karo, cududaheennaase
Caynnkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Carrab aan hadlayn maalitaan, shani u ciidaneynin
Cashaduu wax fuulana kalaan, carafle keenaaya
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Jinac doobi culan oo sitoo, lo’ u carraabaaya
Dooryaan cishaha guurayoo, cido ku weydiiya
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Dabagaalle neef curahayoo, nadi ku caaryeeyey
Caynaan bakayle iyo jiir, lagu cidaalaayo
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Wiyil ciriqsan oo aan lahayn, camalkii loo uumay
Qalanja aan caroonayn haddaad, cagaha saarayso
Oo aan cid dhibin baan arkee, cara e yaa sheega?

Addoon cayney doontaba dhashoo, laba caloolood leh
Oo caaradhuubyada la dari, caana galaheeda
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Caskar ulo leh oo geed cumbulan, gobolba coon joogo
Nin qaansooyin meel lagu cafiday, taagan cirifkooda
Oo qool cuddinayaan arkee, cara e yaa sheega?

Wax hunguri ku cawreysan oo, cir iyo diihaal leh
Oo aan cantuugana liqayn, calafna doonaaya
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega!

Wax dunida caalin u ah oon, cidi khilaafaynin
Oo cabuudkiyo caasiguba, wada cisaynayo
Aan calalna oogada ku hayn, cara e yaa sheega!

Cawadii waxaan kaa tegayn, cadawna kaa eegin
Oo waaga ka cararayoo, ku cid la’aynaaya
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Caqli waxaan lahayn oo ka dhigan, caamo iyo naago
Aan cimiirkood la arag, coduu la yeeraayo
Misna kuu cimreyn baan arkee, cara e yaa sheega?

Weel caanihii laga dhamoo, cunuggu heemaarshay
Oo ciidda loo dhigay afkii, laga cashaynaayey
Oo dhay caaddaa ka tahay, waa cajab Ilaahe!

Cid haddaad u baantee na tiri, cara e yaa sheega?
Candho weeye oo waa naqaan, caynka ay tahaye
Adse haddaad ciniin tahay maxaa, canuggu kaa dheefi?

Onkod iyo hillaac laga cabnadiyo, karar cabaadaaya
Iyagaa calaamiyo lahaa, ciiro iyo qiiqe
Waa maarahaan kugu cuskaday, diriti Cawbaare

Cuurkii tolkaa maalintaan, caro u leynaayey
Dhiiggii carrada qooyey waa, cadar di’iisiiye
Maxaadsaad u tiri rays cagtiyo, cirib ma aan saarin

Ceesaama kuu dhalahayoon, dhiilo loo culanin
Oo dhay casuus iyo garoor, carafle waaweynin
Oo naaso coobbaa lahayn, waa cod aan jirine

Cayn kaa waxaad mooddey waa, calafkii beereede
Abidkood riya caata ay, guni ciseysaaye
War ceesaan ma way tahay maxaa, calagga kaa yeelay?

Majeerteen dhilliyo ceebi waa, camalladdiisiiye
Cambuulaha dhirtaa bay yiraan, waa cariish aqale
Waa cimil shimbiri qoolatee, curis miyuu mooday?

Waxaan ka soo qoray Aw-Cabdille Ibraahim, Xaaji Maxamad Cawl iyo Caasha Sheekh Cabdille.

Caga-Wadaadley

Sayid Maxamed wuxuu gabaygan mariyey isagoo u calaacalaya Cambaro Shiikh Cabdulle oo uu qabay Nuur-Xaashi Cali Ibraahim. Eebbuu kabaryayaa inuu ka furo. Ujeeddada Sayidku waxay ahayd inuu Nuur-Xaashi garto in Sayidku ka xun yahay ama uu ogaado gabadha inuusan la rabin. Xaajadii waxay ku dhammaatay sidii Sayidku Rabbi ka yu’day oo Nuur-Xaashi, Cambaro waa furay. Dadka qaarkii waxay yiraahdeen gabaygan waxaa mariyey Shiikh Jaamac Seed oo Sayidka abtigii ahaa, runtuse waxay tahay in Sayidku mariyey. Wuxuu yiri:

Eebbow adaan kuu cotoo, kuu calaacalaye
Cunsurtii aan leeyahay, adaan kuu cuskanahayaaye
Carrabkayga Eebbow quwey, caaddil baad tahaye

Eebbow cafiyo caafimaad, igu caqiilayso
Eebbow cadaab aakhiriyo, cudur ha ii keenin
Eebbow cilmiga waan rabaaye, caalin iga yeelo

Eebbow caano iyo wiilal iyo, curaddo hay waayin
Eebbow cayrima adduun waa belee, coodka ha i dhaafin
Oo aanan cimiir abadankay, carab gamaan waayin

Eebbow aroos cuukin waa, calaf gobaadeede
Cadarka iyo diibkaa qabigu, ku cokanaadaaye
Eebbow Cambara Shiikh1 i sii, caashaq baan ahaye

Eebbow curdudubkii2 ma geyo, caga wadaadley e
Eebbow waxay ku cawareen, caalle doora lehe
Eebbow cidlaa loo diraye, inanta ii caymi

Bal haddaanu caaqibo geleyn, calalna waa maale
Oo uu ciyaal yahay nafluhu, kala ciraab roone
Ma cisaaraddiisay u xulan, cawro waysaga e

Cashadii haddaan gabadhayda, Cali Garaad siiyo
Koluu xididka lama callaqee, cayda iga daayo
Marna iima caayeen, sidii caada qaataha e

Ina Cali Shiraa3 ku habbanaa, camalka qaarkiise
Oo caawa kuuma ciilqabeen, midab cillaanley e
Cisadeeda anigaa ba’shaye, curadki maan siiyo.

Gabaygaan isagoo qoran ayaan ka dhex helay gabayo uu qoray Shiikh Siciid-Maydh 66 sano ka hor.

  1. Cambara Sheekh Cabdulle Xasan.
  2. Nuur-Xaashi Cali Ibraahim.
  3. Maxamad Cali Shire.

Miinaanle

Geela la baxay Miinaanle oo geel Daraawiish laga dhaco ugu badnaa gumarna u ahaa, tiradiisana lagu qiyaasay 25,000 illaa 30,000, ayaa waxaa loo xerriyay dhulka la yiraahdo Iyax oo deexda Ayl iyo Bayla u dhaxaysa ah, wax dakana ah oo markaas looga baqaayana jirin. Hase yeeshee hud-hud iyo diradiraale dad lagama waaya Hobyaa gabay laga tirshay oo waxaa waxa loo geeyay boqor Cismaan iyo reer Bari, waxaana la yiri gabaygaa Sayid Maxamad baa idiin mariyey. Gabaygaas halkudheggiisu wuxuu ahaa:

(F)

Dayrtiyo diraacduu dhaloo, Deex u soo degaye
Dakanooyin badan buu qabaa, daafta kuu yimiye
Bal car didi kalluun lama dabtee, waa la diriraaye!

Usagoo awelba reer Barigu geelaas booca ugu tukubaayey haddii marmarsiinyo loo helay ayaa guuto camaaryalay ah lagu soo bixiyey, garwade waxaa colka u ahaa niman Daraawiish ka fallaagoobey.

Geela xagga Daraawiisheed waxaa looga yiqiin Miinanle, nimankii dhacayna waxay ula baxeen Soo-dadab. Gabayo, heeso iyo maahmaahyo badan buu leeyahay, aan ka soo qaadno gabay dhaar iyo hanjabaad ah oo dhinaca Daraawiishta laga mariyey. In kastoo aan hubinna waxaa la yiri Sayid Maxamed baa mariyey.

Geel Miinanlaan ugu jeclaa guuyad oo idile
Usba gacaliyii buu ahaa galax qaboobiiye
Gungunaafyadii baa la tegey guunki reer bariye

Gurigii la geeyaba haddaanan gaas dhan ku afuufin
Geelii la eedyeey haddaan lagu guraabaasin.

Daraawiishtu dhowr col oo kala daran bay ka daba geysay, waxaana ka mid ahaa labada col oo la kala baxay Casar-dega iyo Isu-mara. Taariikh dheer ayuu geelaani reebay. Iyagoo gabaygoodii sii watana waxay yiraahdeen Daraawiishi:

Geelii carrada buuxayee, calaggu saanyoodey
Caqli nimaan lahayn baa yiri, waa cantoobsadaye
Cidlaa laga kaxaystaye ma waa, cudud la ii sheegtay

Majeertccn caddaan uguma dhaco, culus hashaydiiye
Waxay caadadood tahay inay, cidaha gaadaane
Nabad caabuquu igu dagaye, col uma keeneene

Gaalada careef kale markii, carabta loo fuulay
Markii ciidankii uga birmaday, badaha coonkooda
Daraawiish caysani markay, ciira ugu duushay

Cabsi kama baqaynine markii, cunugga loo reebay
Goortii carruuraha la yiri, celiya oo foofsha
Goortii cirkii curanayey, Cal u hayaansheene

Ciilow ba’ay! talo xumaan, cudur ka weyneyne
Markaan soo ceshooy iri, rag bay caasiyoo raraye
Cabdul1 iyo waxaa igala tegey, caabuqii wadaye

Haddeeyan cadceed subax u rarin, cidi ma qaaddeene
Ceemaad2 agteediyo hadday, cirifka noo joogto
Curcuraha Nugaaleed3 hadday, caday ka foofeyso

Cashaday galeen baan dagaal, iga cillaalmeene
Kun caynaba kun coofaar huullaa, kuman cudbaawiira
Kun caddaana kuman caarle iyo, kuman baroor ciida

Kuman calasa kuman bood carfileh, kuman cillan miida
Kumanyaal cirbiid iyo ashkira, kuman casaawiira
Kuman Xamarcas iyo may lahoo, wada cawiifaaya

Kun calowa kumanyaal calcala, kuman dhalaal cawra
Kun carwaajis iyo boor lahoo, midab casuuraaya
Kun carowle kumanyaal curboon, kuman ciriifaada

Kun cawlcawla kuman cawmisila, kuman caruusaada
Kuman cawlan caacaanniii kuma, kuman caddays maaga
Kuman caana kuman cayn silloon, kuman cajiibaada

Kun caqiiqa kun caarsan oo, dhogor cureejiina
Kuman calanle kuman shaal cas iyo, kuman cutuubaada
Kuman cawra kuman caadaqaad, caadka laga saaray

Kun cooshcoosha kuman laysku carin, kuman cawaarguunle
Kun cahsmiira kumayaal cashara, kuman camaajiir leh
Kun cunaaba kuman cayn silsila, kuman cusayb fookha

Kun cowtara kun caysuub galgala, kuman casuf noora
Kuman cirif sufura siif cambara, kuman cadduur saara
Kun casiira kumanyaal casala, kuman casuusaaya

Kun cayuufa kuman caycadoo, ciiif sadaadooda
Kun cambaabul kuman ceegma iyo. kuman cayaayiira
Kuman cooma kuman coobirraa, cobolos tiigaala

Kun caysuuba kuman caara boga, kuman cayuuf dheera
Kun cawlaalin kuman ceegma iyo, kuman dul ceegaaga
Calmad gacalo kumanyaal cubtami, kuman cushaaq raaca

Kun cigaalan caynaan yaqaan, kuman cadood meera
Kumanyaal cishiyo fiid durduro, haadda la cayaara
Kumanyaal carbeedintoo ka dhiga, ceelashiyo gaarka

Kuman calafsan kuman cawadii, cayshka miranaaya
Kun carshaanle kumanyaal calqadan, kuman cilluu naaxa
Kumanyaal caddiin iyo baruur, cooddi balaxoobey

Kuman cududan kumanyaal cadfoon, kuman cillaan duuba
Kuman cawska loo duubahayoo, cimilka loo waabay
Kumanyaal cadarka iyo doog, cobolka daaqaaya

Kun calaacal lagu xoodsho iyo, caaraddiyo suulka
Kumanyaal cimiil iyo cimiil, la carbiyeynaayo
Kumanyaal cilaaq iyo farsamo, lagala caal waayey

Cabbannaan kun cadanyoonhayiyo, kuman culays diida
Kuman carari kuman caymanoo, cida ka buubaali
Kuman caabbigii wada jaroo, dabada ceeraanshey

Kun cartanaya kumanyaal cartoo, cara wiriiraaya
Carmaari kumanyaal caqlila’, kuman cisaarbooda
Carwiriiri kumanyaal cartami, kuman cayaar waalan

Kuman sii ciddiya laabatoo, cadowga hoomayda
Kumanyaal caddada weerartoo, cimil u dooyeeya
Kumanyaal ciriiriga rogaal, caaradka u jooga

Kun cagaagi kumanyaal carriga. diro kicinaaya
Kun coomaadi kumanyaal carshiga, cirir u rooraaya
Kun cubbaalan kuman caadda kore, cagaha duubaaya

Kun cigaalan kuman caynsanoo, ciiro iyo qiiqle
Kun cidaaran caadooti kuma, kuman cafaariida
Kumanyaal wixii carar isyiri, lagu ceshiimeeyo

Intaasoo kun wada ceynabaan, soo cirmi lahaaye
Ceeryaamo anigoo watoo, ciiro iyo qiiqle
Casar baan u soo dhigan lahaa, caga daruurreeye

Carey iyo wirey maalintii, lagu carbaabyo
Sidii aar cargaagtamay markaan, camal guhaadoodo
Cabaadka iga soo baxahayaan, cidi u joogteene!

Waxaan ciiska weyn dari lahaa, caadaqaataha e
Cawgiirta waa noqon lahaa, cooflihii bariye
Coomadahaan siin lahaa, cooddi iyo jiire

Cirinciir fog baan jirey markay, iga caweefteene
Calafsade dharaartii hadday, cid iga waayeene
Casiisow Allahayow bal maan, cagidi taagnaado!

Waxaan ka soo qoray Xaaji Maxamad Cawl sannadkii 1955kii, wuxuu ahaa ninka kaliya ee Daraawiish ka noolaa ee gabayga kor ka hayay.

  1. Cabdul: Cabdul Suldaan Cilmi Xaasey, waxa dilay ciidamadii Ingiriiska, waxaana lagu dilay Ceeldheero 1919kii.
  2. Ceemaad: Waa dooxo soolka Iyaaxeed ah Qardhana koonfur ka xigta.
  3. Nugaal: Waa waadi dherer iyo ballaarba leh oo cayn iyo saraar ka soo rogmada, xeebta Eylna badda Hindiya kaga dara.

La’aye Cali-Geri

Abbaaraha markay Daraawiishi Cal u guurtay xaruntana Jiidali iyo Mirashi laga dhigay, ayaa Daraawiishtii Nugaaleed col ku saartay niman gees u baxay. Waxaa nimankaa lagu galay dhulka Ciid loo yaqaan ee galbeed ka xiga Buuhoodle, si xun iyo si xil leh ayaa nimankaa warmaha loola dhacay. Sayidku markuu ka war helay nimankii in laga libaystay ayuu gabaygan tiriyey oo wuxuu yiri:

Nimanyahow cishiyo leyl war baa, igu cusboonaane
Hadba amar cishiga laga idmaa, cawga ii imane
Cajabayey bal aan dhaho halkii, ila cuddoonaadey

Cawgii baddii iyo anoo, Cal iyo Buur jooga
Warka xalayto Ciid1 yimi, waa cawo adduune
Cajabayey sidee baan qalbiga, uga calool reemay

La ye col iyo gaas baan u kacay, Ceelal iyo Laaso2
La ye Caligeraa3 loogu tegay, cirifka Buuhoodle4
La ye Eebbahay baa caddibay, cadowgii gaaloobey

La ye maalintii lagu cartamay, caymo kama joogin
La ye caagayey! buu yiri dadkii, nagu cayaaraayey
La ye ciilasha aan qabniyo, caradii waa reebnay

La ye Hiirad5 ceeryoon markii, ciiiki lagu boobay
La ye caadaqaataha tukaa, laga casheysiiyey
La ye coobir baa cunay ninkii, cagaba weynaaye

La ye caaqilow Ina-Dhiblaa6, cududihii gooyey
La ye waa calaacalay markii, ciiska lagu boobay
La ye Ina-Cawiifeed7 baquu, Cadan ku weydaartay
La ye cayrta baa diley fuley, caadadiis tahaye!

  1. Ciid: Waxa la yiraahdaa dhulka ciidda cas leh ee hawl ku sareeran.
  2. Ceelal iyo Laaso: Waxaa loo yaqaan dhulka Buuhoodle ku xeeran.
  3. Wuxuu u jeedaa niman xarunta ka fakaday.
  4. Arag gabayga 96aad.
  5. Hiirad Cagdheere.
  6. Ina-Dhiible: Jibriil Cabdi.
  7. Ina-Cawiifeed: Waa naaneys Sayid Maxamad u yiqiin Calidhuux.

Waa Calako

Abbaaraha markay xarunta Daraawiishtu ahayd Mirashi, waxay hiyiga ku hayeen inay doonyo sameystaan si ay badda uga tallaabaan oo uga dagaal galaan. Xaaji Suudi Shabeelle ayaa bareere soo jeediyey oo wuxuu yiri: “Sayiddii, waxaa aniga ila qumman inaan badda ka tallaabno oo berriga carbeed u gudubno, si aynu carab ciidan iyo hiil uga helno, dabadeedna reer Maka iyo Madiina iyo Turkiga wax ula qaybsanno.”

Sayidkiina wuxuu yiri: “War mindhaa suura geli meyso inaynu carab ciidan iyo waxtar ka helno ama garab iyo gaashaan gaalo inooga noqdaan!”
Iyadoo aanay dooddii sii dheeraan, meeshiina aan laga kicin, ayuu Sayidku gabay yar tirshey, wuxuu yiri:

Waa calako meel yuurirtiyo, cunug aan weynaane
Waa ciiryaamo roob da’ahayoo, ciiro iyo qiiqe
Waa baradho ceeriina iyo, xuubka caarada e

Cudud ma leh col kula weerar gala, ciidan iyo xooge
Inkastey cid kuu soo diraan, waa cidloo kale e
Caloosha iyo madaxay sidii, dumar cantuugaane
Maandhow cayaayirka iga daa, carabi waa naage!

Gabaygan waxaan ka qoray Xaaji Maxamad Cawl Ileeye, sannadkii 1972kii.

Guulle Eebbahayow

Xarunta Daraawiisheed oo Qudhmis iyo Heegaale taal, ammintuna jiilaal tahay, ayaa nin danley ah afadiisii ummushay. Dabadeed qaalin geela oo dhalaysa ayuu soo xiray si uu ummusha ugu qalo. Sayidkii oo aqal ku jira, ayaa qaalinta ololkeedu beerqaaday. Isagoo kitaab Quraan ah gacanta ku haysta ayuu dibedda u soo baxay, dadkii meesha joogay buu wuxuu toyday hasha dabran ujeeddadeedu waxay tahay, kolkuu war helay ayuu ninkii cid u diray oo wuxuu ku yiri: “War geel ha maaline maad ii timaaddid, wax hasha qalliinkeeda kaa baajiya ayaan ku siin lahaaye?” Isla markiiba Sayidku hashii xarigga ayuu ka gooyey oo ninkii wuxuu siiyey xoolo uu ku meelmaro, iyo wuxuu xaaska siiyo labadaba. Markaa in yar ka hor buu Sayidku wuxuu dhegaysanayey hablo kebdo samaysanaya oo ku heesaya heestood. Luuqdoodii iyo jiibkoodii isagoo maskaxda ku haya kana tixraacaya, ayuu waa aftahane jiiftadan mariyey, wuxuuna yiri:

Guulla Eebbehayow, geel nimaan dhaqin,
Faciis gacanta haw gelin.
Ari gun baa dhaqatoo, garo naf laga waa,
Hadduu seben gadiidsado.
Giirna miis ma lahoo, gidir ilmihii diid,
Haddaan gunna la siineyn.
Gooha reen badaney, goor xun dararaay,
Hal baan abid gablooleyn.
Guri bilaay, geri la moodyeey,
Illeen waa gob xoolaad!
Luqun gardhaaley, gucuri weyneey,
Karuur gulungulcaatay!
Gucun maroorrey, good qabiilooy,
Ninkii gowracaa ba’ay!

Waxaan ka qoray Cabdi-Yaar Cali Guuleed, sannadkii 1955kii.

Ninka Gaalka la Siiyay (Calangube)

Guyaashii kacaankii Daraawiishtu gumaysiga la dagaalmayey, nin kasta oo gaalada necbaa ama la col ahaa meel kasta ha joogee, wuxuu u kacay xaruntii Daraawiisheed, si uu garab iyo gaashaan uga helo, iyaga ha la dagaal-galo ama dab iyo duunyo haka soo qaato oo iskii haw dagaal galo e.

Abbaaraha 1905tii, ayaa xarunta oo Ayl deggan, waxaa yimi nin la oron jiray, Xaaji Cali Faahiye Geeddi, magaala ahaanna reer Qandala ahaa. Xarunta wuxuu ninkaa keenay dhowr qori oo hadiyad ah. Sayidkii hadduu ninka raganimadiisa iyo waxtarkiisa u bogay wuxuu yiri, “Nala joog oo xarunta ha ka tegin, af iyo uurba waxaad ka rabtana waan ku siinayaa.” Xaaji Cali wuxuu yiri, “Soo gaddoonkayga dambe waxay noqotaba, haatan dab ay Darawiishtu ku dagaalgasho aan doono.”

Xaaji Cali aabbihiis wuxuu ahaa maalqabeen mood iyo noolba hodon ku ah, madaxda magaalada Qandalana wuu ka mid ahaa, boqorka iyo raggiisana xiriir adag buu la lahaa. Xaaji Cali markuu tegay Qandala wuxuu arkay bandiirad Talyaani oo ka taagan daartii aabbihii. Hadduu dadka wareystay waxaa loo sheegay in boqorka iyo Talyaanigu ku heshiiyeen in magaala kasta oo boqorka taliskiisa raacsan laga taago calan Talyaani. Xaaji Cali Darwiish buu ahaaye wuxuu ku dhaqaaqay inuu taa wax qabto, dabadeed calankii buu la soo dcgay, dab ku riday oo gubay. “Dhugi meel dhaantay, dhex socotana dhul dhaantaye,” niman baa u tegay Talyaanigi, oo ku yiri nin Xaaji Cali la yiraahdo ayaa calankii Talyaaniga u saarnaa Qandala gubay. Dabadeed Talyaanigu wuxuu u ergooday boqorkii iyagoo ku doodaya in boqorku axdii jebiyey. Boqorku wuxuu guddoonsadey in Xaaji Cali la soo qabto oo Talyaani gacanta loo geliyo – si ay uga abaal-mariyaan wuxuu falay Xaaji Cali dareen baa galaye wuxuu wuxuu tegay Boosaaso. Axmed Taajir oo boqorka walaalkiis ahaa ayuu “magannimo Allaa lehe” weydiistay inuu magan u noqdo. Rag tab iyo xeelad kama dhamaatee, waraaq buu u qoray Sayidka oo wuxuu ku qariyay maro bafto ah oo saddex dhudood leh, wuxuu u sii dhiibay nin safar wata oo la oron jiray Cabdi Cali Guuleed oo Sayidka u jaal u ahaa. Xaashida wuxuu Sayidka ugu tafa tiray wixii dhacay iyo waxa la damacsan yahay. Markab Talyaani ah ayaa muddo ka dib soo dhigtay marsada Boosaaso. Talo qarsoon, qoolad iyo xeelad baa jirtaye, Xaaji Cali waa la qabtay, Talyaanigii baana la guddoonsiiyey markaasaa markabkii lagu qaaday. Si uu ku ogaadeyba Sayidkuna waraaq buu u diray Bastaloosi oo ahaa ninkii Talyaaniga qareenka uga ahaa Afrikada Bari iyo Cadan. Warqaddaa wuxuu Sayidku ku yiri, ii imow aan wada xaajoonnee. Taasoo filanwaa ku noqotay wakiilkii Talyaaniga, si degdeg ah buu u yimid usagoo fuushan markabkii Xaaji Cali ku xirnaa. Kolkuu soo degay oo yimid daartii Daawad, salaan iyo bariidana la is-dhaafsaday, Sayidkii wuxuu yiri, isagoo iska dhigaaya in looga warramay xagga Eebbe weyne, “Cali Faahiye Geeddi mee?” Bastaloosi oo inuu qariyo ka xishoonaya ayaa yiri, “Markabkuu ku jiraa.” Sayidkii wuxuu yiri, “Degdeg waa in loo soo dejiyaa.” Talyaanigii waa ka dooday oo wuxuu yiri, “Ninkaasu xumaan buu falay, laba dowladood baana isu dhiibay, adiguna shaqo kuma lihid.” Sayidkii wuxuu yiri, haddaan degdeg loo keenin adiga iyo ragga kula socdaa tegi meysaan, usagaana u curaaran tihiin! Intaan laba tuke is eegin, ayaa caarad iyo cargaagtan ciidankii Daraawiishta camal guhaahooday. Danbaa tiriye haddana intaan diqsi loo xiiran, ayaa Xaaji Cali Faahiye Geeddi la soo taagey Sayidka hortiisu. Sayidku markuu Xaaji Cali gacanta midig qabtay wuxuu yiri:

Ninka gaala la siiyey Talyan loo garbo duubay
Markab guudka la saaray, gacal sow ma lahayn?
Waxa gaalada siiyey, garacdii Bah-dir weeyoo
Gadhkiisoo la jaraana, ma gooyaan dhammidood!
Warka gaaray islaanoo, geyigoo dhan dhammeeyey
Giddi reer tolku ceebta, guudka sow kama saarna!

Qoladii Alla gaabshoo, gaasiroo fara weydaa
Gabbaraa ogaadee, reer Calow lagu guursaye
Ma gabdheydin tihiiney? Dhirtu waa laba geed
Waa galoolo isdhaafayoo, mid haddii la gunguumo
Kan kalaa godol noolba, godin loo rabiyaayee
Waxa loo gabbinaayo, Alla sow ma garataaneey!
Hadday guulo baxayso, geesigii la ogaa
Ninkii u gabri doona, hadba waa gujiyaayoo
Gundhiyaa hinqiyaayoo, geesi looma bareeree
Waxa loo garbinaayo, Allow sow ma gartaaney!
Mowdku waa gar Ilaahoo, geeri Eebbe ma diidnee
Waxaanan ka gam’aynin, Cali Faahiye Geeddi
Waa sidey u galeeneey!

  1. Cali Faahiye Geeddi: Waa ninkii calanka Talyaaniga Qandala ku gubey.

Nimanyahow Xalaa Lay Gilgilay

Guyaashii Daraawiishi Ayl iyo Ilig degganayd, ayey arkeen in gabayo badan oo gaf iyo gardarro ah laga soo tirinayo Galbeed. Bal aan ka soo qaadno gabay uu Ducaale Qarris riyo dabadeed mariyey oo halkudheggiisuna ahaa:

Hootadaan Goldheer iyo ka xaday, Xanama guudkeeda
Waxay sii gigleysaba hadday, godobyo Ayl gaadhay
Wadaadkii sidee uga gabbaday, waa golmaraankiiye…

Sayidku wuxuu ka tiriyey saddex gabay oo midkood ahaa intaan Daraawiishi degmadaas ku duulin, labada kalena ahaayeen mar uu dagaal dhex maray oo Daraawiishi ku libeysatay. Gabaygan hadda soo socda waa kii ugu horreeyey, wuxuuna Sayidku yiri:

Nimanyahow xalaa lay gil-gilay, gelin dhexaadkiiye
Gacalkiyo raggeygii go’aan, soo garwaaqsadaye
Gogoshaan ku jiifaan ka kacay, gocashadoodiiye

Sidii habar gablama Suudiyow, giidu waa aniye
Geeridii ikhwaankii baa i gubay, gocashadoodiiye
Rabbi waxaan galliimanahayaa, inaan goboobaaye

Haddii aanan geylamin cadhaa, lala guhaadaaye
Gucumaale aar sidiisii haddaan, layga kala guulmin
Alleylahe gobey baanahaye, gacanta hay saarin

Afartaa gudbaye sida madfaca, gow makaga siiyey
Sidii roob gudgude oo onkodi, ma u gufaacooday
Aan gabdhamo sidii mayayga waa, gabaxtamayaaye

Siraad galalacnayn iyo shamsada, aan idin guud keeno
Hal igu gaarin goor iyo ayaan, gama’na ii diidey
Oo aniga gooni iila shiray, aan idin gaarsiiyo

Nabsigu waa gaddoon badan yahoo, galabba waa cayne
Waa hooska labadiisa gelin, guuldarro iyo kheyre
Cadiid maalin iyo laylku, weys garab maraayaane

Gudcurkiyo caddada kuma dhex jiro, saacad gooniyahe
Guyaashii iyo deyraha xilligu, waa isdaba guure
Waxay Gaaddaweyney ahayd, gamashi deyreede

Odayaal gaboobaa marbay, gaban ahaayeene
Guxushaaga aan kicin marbuu, gannaanaan jiraye
Niman guudyo abid yeelan baa, geel foofsada e

Nin Ilaah gobeeyaan ka baqin, gaajo iyo ceebe
Reer Hagar gardarrana maxaa, godobta raacsiiyey
Giddigood maxaa hadal gashi leh, goonni kaga yeelay!

Waxay guulo saadinahayeen, guuldarro iyo ceebe
Guryahooda uun bay damceen, inay gumeeyaane
Eebbow gef badanaa bal, muu gaardiga u kaadsho?

Ararsamaha noo gooja deyey, waw garaad li’iye
Intey gees u dhici dunidatanu, waa gal-galataaye
Gadaal muu hubsado taladannadu, waa wax gudo weyne

Galbeed waxaan ku nacay faanka, iyo guuxa beenta ahe
Waa guun ciyeysiyo, shimbiro gararaftoodiiye
Wax guddoonku noqon lama ogee, garacu muu joogo!

Gaaggaabsigeygaa khatalay, gaaladii bogoxe
Gaaleyska waxaa loo afeyn, inaan ku goynaaye
Daraawiishi goob inay la sugi, garanba maayaane!

Anigana galiilyada korkaa, gibil i fuulaaye
Mar uun baan garmaamaha ku tixi, godonka Cadmeede
Waadigaa leh galaayaan sitaa, geesi baan ahaye

Car na galadu waa gooddi iyo, hadal galoofeede
Godba Ayl1 haddii aanan fadhiyin, iima gabaydeene
Guryaheenna oo kala fog baad, nagu galaysaane

Geeddigakan xeesha leh haddaan, bari u sii guuray
Golol2 baan ka riday faan haddaad, gole ka tookheyso
Oo nagu galeysaan illeyn, goroyo cawloobe

Gashigayga maqan kama samroo, goor dhow baan imane!
Sidii awr gabraareed billaan, galow ka soo siiyey!
Billaabaan Goldheer3 iyo ku firay, galaxyadii Yeyli4

Nin waliba wuxuu galabsadaa, loo gorgoriyaaye
Gasabkaagu waa naar Ilaah, kugu gufeeyaaye
Billaabaan Ilaah gaabiyow, kugu galaal xooray!

Billaabaan ku gowracay ibleys, gaarran baad tahaye
Billaabaan warmaha kugu ganganay, gaal cad baad tahaye
Billaa tiri gablamayey, maxaa nimanka ii geeyay?

Waxaan ka qoray Maxamed Nuur Cali 1964kii.

  1. Godba-Ayl: Waa dhowr iyo toban godob oo kala rogrogan oo daaqa xoolaha u fiican. Ayl bay koonfur-galbeed ka xigaan.
  2. Golol: Waa doh ballaaran oo Hobyo galbeed kaga toosan.
  3. Goldheer: Sanaag Caynaba dhinaca koonfur ka xiga.
  4. Yeyle: Waa lug Goldheer iyo Shululux u dhaxaysa.

Nin Yiri Wax Baan Gani

Nimankii taariikhda Daraawiisheed wariyey waxay sheegeen in waa, waa isagiyo ku Allihiise uu yiri waa riyooday nin la oron jiray Ducaale. Qarris isagoo Cayn jooga, wuxuu ku riyooday isagoo hooto ku riday niman Daraawiisha, hase yeeshee, mar uu gudub u soo booday arkay isagoo jiifa gegi cidla ah, markaasuu mariyey gabaygan oo aannu ka helnay intan yar:

(Q)

Hootadaan Goldheer1 iyo ka riday, Xanamo guudkood
Waxay sii gigleysaba hadday, godobyo Ayl gaadhay
Wadaadkii sidee uga gabbaday, waa golmaraankiiye.

Hadalkaas haddii Daraawiish loo geeycy, aflagaaddo xun iyo edebdarro ayay u qaateen. Rag badan oo Daraawiish waaweyn ah oo Ismaaciil Mire ka mid yahay ayaa markiiba ka gabyey. Ismaaciil Mire oo usagana in yar laga hayo wuxuu ku jawaabay:

(K)

Gacallow astaadkeenniyo, godolladii Dhooddi
Iyo Booso oo gammuurtiyo, Calansidoo gaaxan
Iyo geesigii Yuusuf iyo, gorawga Soohaada
Ararsame sidee uga gabbaday, waa golmaraantiiye!

Sayidkuna wuxuu af-lagaadadaas uga jawaabay:

Ninka yiri waxbaan gani anoo, Gol iyo Cayn jooga
Ee yiri baddii Garacad2 baan, gudub u weydaarin
Godka lagu cadaabyow muxuu, go’uhu been sheegay

Ninka gaala aynabay intuu, gamasyada u qaatay
Gubniyaalka fooskaa ninkii, gowrac ugu jiidey
Sidii booldha geesa la’ ninkii, gaaddaduu mariyey

Ingiriiska goolka ah ninkii, guduriguu loogey
Guntooyinkuu wacay ninkaan, gaban ka sii deynin
Girligaamaduu siday ninkii, goobta kaga qaatay

Garmaamiyo rogaalkii ninkii, gelinna deyn waayey
Ninkastoo isgaafaba ninkii, gooyey muruqiisa

Geesaaska Cadmeed ninkii, kaga gallayrsheeyey
Giddigeed nasaarada ninkii, goomanka u qooyey
Sidii cayr gofaalaa ninkii, gobolba meel aadshey

Geyigaba ninkii galangashee, guuya kaga dhaartay
Gebageba intuu dhigay ninkii, libin ku geeraaray
Gadoobkii dagaalkii ninkii, guusha kala laabtay

Gaafaha ninkii laga maree, haatan laga gaaray
Gerbiduu ku tiirsaday ninkaan, laga gurguureynin
Ninkii yiri gol maran waa miduu, galay wedkiisiiye

Gef iyo laaxin googgaale waa, gun iyo xeelkeede
Abidkood geddaasey falaan, giiramaalladuye
Nin waliba waa garan halkaan, gari ahaaneyne

Shir la gooday waayeel gab yiri, garangar maageeran
Mar haddaanan hadal laygu gubay, gole ka qaadeynin
Gobo’ kalena waa eray yaraan, geedka kala yeeray

Hadalkaas guddaa loo diriyo, gacal islaameede
Nin garaadle oo idili waa, guurti loo maraye
Rabbaan idinku gowrshaye bal daya, garaca weedhiisa

Ninka soo gigilay hootaduu, kor u garaar raacshay
Gammuunaynta aan jirin ninkaa, samada gaarsiiyey
Ragga Ilig3 ka gaardiyi intuu, guudka kaga keeni

Geeliisa maantaan dhacay, gabanta yuuseysay
Maantii garmaamaha senguhu, daba gableynaayay
Gambigeeda maantaas muxuu, geydha uga rooray

Giiryaale waatuu ka tegay, Goda hashiisiiye
Hadduu geesi yahay maalintaa, gebi ma jeexeene
Galacyada markaan rogay, muxuu goojada u taagey

Siddii goosan weer helay markaan, kala raacay
Maantuu hugii kaga galbaday, gegida Buuhoodle4
Muxuu marada geyngeynka badan, xaarka ugu gaacshay

Gubtayey muxuu ii lahaa, gulubi hay loogin
Garka iyo muxuu ii qabsaday, gaararka iyo towga
Gacna weerashadiisii muxuu, ii gallimanaayey

Afartaa ninkii ila gabyaday, garabka maw saaray
Ma ku gubay dab goomaari waa, galabsigiisiiye
Gardarreysi buu igu fulee, gocasho maw reebay

Galaamaha hortiisa dhacaa, galaha duufaane
Haddaan gacan ku sii deyn lahaa, waa gidmaan wuxuye
Bal muxuu la guuroonahayaa, gabaxu waa saase!

Waxaan ka qoray Cabdi-Yaar Cabdi Guuleed.

  1. Goldheer: Sanaag ceelka Caynaba dhinaca Hawd ka xiga.
  2. Garacad: Waa magaalo ku taal xeebta Hobyo iyo Ayl u dhaxaysa.
  3. Ilig-Deldela: Waa gacan badda gala oo Ayl 60 mayl dhinaca koonfur-galbeed ka xiga, Daraawiish baa qalcad ka dhisatay 1904 ilaa 1905.
  4. Buuhoodle: Wuxuu ahaan jiray ceel biyo badan, waana dawrey, haddana waa magaalo raacsan gobolka Sool.

Gudban (Gaala-Leged)

1898kii illaa 1910kii, ayaa Sayidku dadka ku waday waano iyo waxsiin si loo helo israac iyo wadajir, gaalana meel looga soo wada jeesto. Inkastoo xaruntii dad badani raacay, xoogna ay yeelatay haddana dadkii Daraawiish ku meegaarsanaa, af-lagaado iyo adyad bay ka deyn waayeen iyo xitaa inay gaalada garab iyo gaashaan u noqdaan. Markaa Daraawiish waxay la ahaatay haddii waanadii iyo wanaaggii la diiday in waran caaraddii lagu dayo. Usagoo Sayidku Daraawiish guubaabinaaya wixii loo geysteyna faallo ka bixinaya, danabbadiisii la laayayna gocanaya, waxay ka fali doonaanna tusaale ka bixinaya, meelaha in nabarro loo geysto ku habboonna tilmaamaya, ayuu tiriyey gabaygan soo socda oo magaciisana la yiraahdo Gudban, Daraawiishina u tiqiin, Gaala-legad, wuxuuna Sayidku yiri:

Awel maanso waa taan gudboo, gurina waayaaye
Waataan galbeedkaas u diray, guga hortiisiiye
Aan gaasheeyo tii hurdada xalay, gama’ ii diidday

Galladaha Ilaahay ka badan, geedahaas baxaye
Guushuu inoo yeelay baan, idin garwaaqsiine
Guddiyey i maqal waxaa tihiin, gacaladaydiiye

Nejiskii gurta xumaa1 hadduu, shalay geeriyoodey
Godka lagu cadaabkii haddaan, gowrac ugu jiidey
Uu guduri cunay waa waxay, galabsanaayeene

Dhurwaagii ka giigaan u diri, gacan salaameede
Isagey gargaaroo dugaag, iiga gooniyahe
Haddaan garan gunaan siin lahaa, gooriyo ayaane

Gantaldheere waataan wax badan, guunyaduu maraye
Gef hadduu ku sii daray wixii, lagu gufeynaayey
Anigu waw garaad qabay inuu, gigi waraabuuye

Giriirix aan jirin waa wixii, gaabshey oo rogaye
Gaalayska waataan la dhacay, gucurradoodiiye
Haddeeyaan abaal gedin sidaa, uma gadoodneene

Godolkiyo gasnaantaan u qabay, kama gasnaaneene
Kama gaagexeen abid hadday, nabad ku goohaane
Waxse mawd ku gaardiyay markay, ganafka taageene

Gubaygii Shuxle2 ahaa haddaan, gowsaha jebiyey
Gegida Yuusuf3 jiifaa tukuhu, gebas dhebaayaaye
Geesaaska dumarkaa sidii, dumar la moodaaye

Geed-joogahoodii haddaan, gudurigii siiyey
Guska taajir4 baa ii haraan, ugu gamuumaaye
Cismaan iyo waxaan gaadayaa, gabannadiisiiye

Majeerteenka kale inaan ku gudo, weyga garanuuge
Garacyada Bah-Dira haatan, guuto loo wiciye
Waa lagu gadaal xoorayaa, gurigii reer Nuure

Gabagaba-rogaalkaa warmaha, lagu garanayaaye
Goob bay ku wada le’an sidii, goosan weer helaye
Gafuurroxun sidii Eebbahay. Guuldarro u raacshay

Afartaa geddii aan bartiyo, gololo’deydii dheh
Gerbidaan ka soo hoorin jiray, godol neqaygii dheh
Madfac gow yiraahdiyo rasaas, gininigtoodii dheh

Guluciyo mayay la isku daray, galangalkoodi dheh
Gal xareeda daad soo gabraday, gal iyo duufaan dheh
Bad gariirtay mowjada gurxamay, gacammadii Ayl5 dheh

Shir la gooday waayeel gab yiri, garangartiisii dheh
Xiriir lagu gimaamadahayiyo, gole firaasheed dheh
Xaajada ninkii garanahayiyo, gig iyo sheeggeed dheh

Gobo’ kalena waa aniga iyo, ged iska sheeggayga
Galiilyoodayey cara miyay, gubatay laabteydu
Gogoshii la sii dhigay miyaan, geydh la qaban waayay

Gabbal dhiciyo waabberi miyaan, socod ku garraaday
Gadiid maalin oo dhan miyaan, gaafka sare meeray
Sidii awr gabreed miyaan, gululubluu rooray

Ma gudoodigiyo suudigaa, gubadka ii yeelay
Ma geddaba dhabadkaa sidii, geri i boodheeyey
Gooxii aan yuururay miyaan, gibii madoobaadey

Raggii igu gadaanna, miyaa aakhiro u guurey
Goortaan garwaaqsaday miyaan, gocoshadii eeday
Gammiinkaan xanuunsaday miyaan, gorodda laalaadshey

Gelin haddii aan fooraray miyaan, giirka kor u qaaday
Guhaad iyo calool xumo miyaan, geyrtayo diriray
Hadba gees miyaan dayey intaan, gownaxyada buuray

Guntigaan maroorsaday miyaan, labada low geeyey
Gaashaanka iyo tiirigiyo, gamas miyaan qaatay
Ma gambaan u taagnahay intey, gaadho noloshaydu

War ma Dhooddii6 baa gaamuroo, garabku weynaaday
Ma gaalasya midaan ku shubay, gamashigii deyrta
Gorgor dhacay la moodyoow durduro, ma igu gooraamay

Godobteydu waa wada jirtaa, goonyahoo idile
Geshi nimankuu leeyahayba waa, dabageleyaaye
Waxaan goosan karo anigu, waa gurubsanahayaaye

Gardarradiyo maaggii i helay, waan ka geylamiye
Gartay weeye dunidaba inaan, galalafeeyaaye
Geyigaba waxaan doonayaa, inaan gumeeyaaye

Nin ganaanayaan ahaan, gabarna dhaafeyne
Waxaan geystoo idil wey, gun iyo rayrayne
Wixii ii guldarreystaba naflaha, wow gaggabayaaye

Anigaba geddey igu faleen waa, gaggaab culuse
Gallad nimaan ka qabo laguma oga, gebiga Daaroode
Giddigoodba waatay girliga, nagu garaaceene

Anaa gaafahaygii nadhaye, geste nabarkiiye
Anaa rasaasta waxaan u gingimay, gini colaadeede
Gabagebaha bari waxaa ku xigi, go’aha Iiddoore

Guban7 iyo Burciyo8 Looyo9 waa, gaalib weerara e
Gooddiga Arooraa10 fardaa, lagu garmaameyne
Garoodi iyo waxaa lagu tegi, buurihii Golise11

Galaayuubta Hagar-Aaden baan, gaaddadow marine
Genbi waw ridi fulayadii, ganafka dheeraaye
Geeltoosiyaha waa la siin, gucurradoodiiye

Sidii garow hadhuudh baan kurtiis, guran Ogaadeene
Galaamaha haddii aanan ka deyn, goor walba jooga
Inshaa Ilaahu waa gurahayaan, sidii gal miireede

Guuraasiyo12 Iljeex13 waa la qaban, gooshka haatana e
Malahayga waa lagu galgalan, gaanka reer Dalale
Gaas baan ku caran reer Subeyr, goborra weyntiiye

Kolaan Gooro-cobbaley ka dayo, amase Geel-loo-kor14
Huwan waa ka gelingaabsan jirey, gelin ma waayaaye
Haaruun xaggee baa la geydayan, Goha15 miyuu dhaafi

Afartaa gudbaye balaan mid kale, soo gadaal celiyo
Sidii goray garraar sare ka baxay, garabka maan taago
Waxa guudka iga fuushan iyo, galayax maan muujo

Gebgebtiyo gallaydhyeyntu waa, godol hortiisiiye
Ninkii gooman waw shubahayaa, galaxa caanoode
Gabbaan laguma soorenin raga, balaan ganuun siiyo

Waa gaaxsanaan jiray tan iyo, garashadeydiiye
Sidii goodir dhalay haatanaan, gaawa leeyahaye
Aan gofleeyo geerarshahaas, gaafan baan ahaye

Xaajada nin gunaan ahaye, aan u garraddeeyo
Markab aashi gaambiyi sidiis, balaan u guureeyo
Meeshuu garaadkeedu jiro, gow aan kaga siiyo

Niman gedo yareyn baan ahoo, Gaaddaweyn16 jiraye
Waa ii garaad li’i dantay inaan, ka gaaftaaye
Goba kalena waa Eebbahay, midaan galliimeystay

Eebbow geyiga oo dhan waa, nalaka guulaaye
Waa noo gedleeyaan dadkii, gaalada ahaaye
Eebbow Giriig kolay ku tahay, nala gamuuneeye

Go’na laguma qaadine dulmay, nagu gelaayaane
Gabbaad kale haddey noo helaan, waa gam’i lahaaye
Eebbow waxay nagu gabreen, diinta soo gala e

Eebbow gadhka haddaan qabsaday, gaaxshe nabaddiiye
Eebbow gamaan iyo waxaan gini, cas dhiibaayey
Eebbow garow kagama helin, goolashaan wadaye

Gambalaaligii bay warmaha, nagu garraaxeene
Eebbow waa gumaadeen raggii, gaanaha ahaaye
Eebbow waxaan gabawareen, Gaagguf17 iyo Xayde18

Xirsigii19 garaaraha lahaa, gaarufkii dila e
Geydhaale Aw-Aaden20 bay, galowga taabteene
Eebbow geesigii Ina-Dherey21, ugu guduudsheene

Guxushaaga Beynaxa22 ilmadu, waataan gabaxleyne
Gorroska Muusae-Taaganaa23, wadnuhu ila gariiraaye
Eebbow weys gamaamaa markuu, gaarka soo waro e

Guuleedku24 wuxuu noo ahaa, guurtii loo hirane
Nimankii garaaddada ahaa waa, garow jabane
Eebbow sidii gaantii maro, waa la gaasiraye

Eebbow gaari bay reer Warfaa, guradii saareene
Gudbi baan ku dhacay reerihii, gannaan jiraye
Eebbow gooni baa lagu heliyo, guri qalaadheede

Gugii ka haray reer Shawaa, caydh la golosleyne
Waxa godey sidii qaanso, waa gaajo iyo ciile
Eebbow waxaa gorof ku raray, duul Geshiishaaye

Cali geri sidii loo gondoloy,gobolba meel aadye
Waa galangal nimankii fadhiyey, guriga Ciddeede
Eebbow gurbood baa hadhiyo, gaban agoomeede

Eebbow goonji weyn iyo xaq bay, naga gullafteene
Guullow ma helayaan waxay, nagu gubayaane
Eebbow waxay naga gogtaan, waa gaaloof olole

Eebbow sidii guun haween, giidu waa aniye
Eebbow nin goba baan ahoo, guni rifeysaaye
Eebbow waxaa noo gurmaday, gaaya alifleeye

Ma garaysni Eebbow waxa, guufanayska ahe
Eebbow gabooddii dorraad, waan ka gara’layne
Eebbow markaan geylamay, guulmiyoo biqiye

Eebbow guddoonkii sharciga, gooye bahashiiye
Eebbow kufriga gedaftalay, gacanta haystaane
Eebbow anaa kugu garlee, guusha hay seejin!

Gabaygan waxaan ka qoray G. Soofe Durraan, sannadkii 1957kii.

  1. Gurey: Gurey Shirwac Nuur Cismaan.
  2. Shuxle Yuusuf Cismaan.
  3. Xaaji Yuusuf Samatar Cismaan.
  4. Axmed-taajir: Wuxuu ahaa boqor Cismaan walaalkii, wuxuuna u talin jiray Boosaaso iyo inta la xiriidha.
  5. Ayl: Waa magaala ku taal waadiga Nugaaleed meeshuu badda Hindiya kaga daro, Daraawiish baa qalcad ka dhisatay sannadkii 1904-1905tii.
  6. Dhooddii: Wuxuu ahaa faras qurux iyo dheerayn caan ku ah, hortii waxaa lahaan jirey Xirsi Cartan Boos, ka dibna Sayid Maxamad buu hadiyad u siiyey.
  7. Guban: Waa dhul buuro ah oo kulul, una dhexeeya xeebta Berbera iyo dhulka loo yaqaan Oogo.
  8. Burco: Waagii horewaxay ahayd ceel xooluhu ka cabbaan, waxaa la degay 1910kii, haddana waa magaalo madaxda gobolka Togdheer.
  9. Looyo: Waa ceel u dhexeeya Burco iyo Shiikh.
  10. Aroori: Waa dhul bannaan oo geed gaab leh oo Burco geesta koonfur-galbeed ka xiga.
  11. Golis: Waa buur weyn oo magaalada Shiikh dhinaca galbeed ka xigta.
  12. Gurraase: Gurraase Xaaji Cali wuxuu ka mid ahaa raggii shirqoolkii Gurdami wax ka abaabulay.
  13. Iljeex: Xuseen Yuusuf Xirsi Dalal, wuxuu ahaa ninkii abaabulay shirqoolkii Gurdami.
  14. Geel-lookor: Buur u dhexeysa Dhagaxbuur iyo banka Sayallow.
  15. Goha: Waa ceel togga Daaqato ah.
  16. Gaaddaweyn: Waxay ahayd Deyr abaar ah oo roob la waayay.
  17. Gaagguf: Xasan Gaagguf Axmed Mulac.
  18. Xayd: Xayd Aaden Gallaydh Ducaale, waxaa lagu dilay dagaalkii Jidbaalle.
  19. Xirsi: Xirsiwaal Maxamuud Cashuur, waxaa lagu dilay dagaalkii Jidbaalle.
  20. Aw-Aaden: Aw-Aaden Seed (Udaweyne)
  21. Ina-Dheri: Xaaji Maxamuud Dheri wuxuu ka mid ahaa kooxdii Sayidka Maka u raacday, waxaana lagu dilay dagaalkii Cagaarweyne.
  22. Beynax: Beynax Aaden-Gallaydh, saddex wiil oo uu dhalay ayaa lagu dilay dagaalkii Jidbaalle.
  23. Muuse-Taagane: Muuse Jaamac Maxamad Dhegaweyne, afar wiil oo uu dhalay ayaa lagu dilay dagaalkii Jidbaalle.
  24. Guuleed: Guuleed Cali-Geri Axmed.

Daraawiish Gufleysoy

Beri baa waxaa Daraawiish ku soo duulay guuto bari iyo boqor Cismaan ka soo ambabaxday, waxay dhaceen gcel tiro badan oo la oron jiray, Miinaale. Sayid Maxamad usagoo Daraawiishta geela raad-raaci lahayd la ballamaya ayuu mariyey masafo gaaban. Waxaa ka muuqata – masafadu inay dheerrayd, hase yceshee, wax intaas dhaafiya ma aannaan helin, raggii aqoonta u lahaana waa ay le’deen. Sayidka ballantiisii waxay ahayd:

Daraawiish gulfaasay, gabay baan ku sii fari
…, gudoodiga habeenkii
Goodkiyo abeesyada, waxba idinma gaaraan
Cudhii Dharrooreed1, mar haddaad gayootaan
Gabannada Cismaan2 dhalay, gabanna ha ka imannina
Matukade3 gardaadkiyo, gadhka iiga soo jara
Gadac4 iyo raggiisii, gowsaha ka soo gura
Gadhcas ivo gareentiyo, gunta Cali Jibraahiil
Gcel waxay lahaayeen, gacmahiinna buuxsada
Waxay guuyo haystaanna, gunta uga soo jara
Gumeysihii Cali, haydin daba gucleeyeen…

Waxaan ka qoray bowsi.

  1. Waadi dhexmara Cal-Miskaad iyo Karkaar, badweynta Hindiyana Xaafuun kaga biyo dara.
  2. Cismaan: Boqor Cismaan Maxamuud Yuusuf.
  3. Matukade: Maxamad Xaaji Yuusuf Samatar Cismaan.
  4. Gadac: Axmed Yuusuf.

Rayidow

Guyaashii Daraawiishi calanwalleyneysay, gumeysiguna dalka iyo dadkaba boobaayey, ayaa Soomaalidu u qeybsantay lix qeybood oo la baxay magacyadaan:

  • Rayid oo ahaa dadka Ingiriisku u talinaayey, Daraawiishina ka soo horjeedday, Berberana laga maamulayay.
  • Gadhcas oo ahaa dadkii boqor Cismaan u talinaayey, Baargaalna xaruntu u ahayd, Boosaaso.
  • Dhabayaco oo ahaa dadkii Keenadiid u talinaayey, magaalo madaxna ay Hobyo u ahayd.
  • Huwan oo dadkii Mililiq iyo amxaaro raacay ahaa, Adarina laga maamulayey, Harar.
  • Daraawiish oo ahaa nimankii gaalada gaashaanka u qabtay xaruntooduna ahayd Taleex.
  • Iyo dadkii xeebta koonfur deggenaa oo Ingiriis iyo Talyaani qeybsadeen, markii dambana laga maamuli jiray Xamar iyo Kismaayo.

Haddaba iyadoo uu Sayidku qolo walbaaba u gabyayey ayuu gabaygan soo socda wuxuu kula hadlayey qolada ugu hoerysa ee ah Rayid. Ujeeddadiisu waxay ahayd mar ay ergooyin isdabajoog ahi ka yimaadeen oo ay doonayeen Daraawiish inay u soo celiso xoolo badan oo laga dhacay. Hase yeeshee, Sayidku wuxuu tusay in Daraawiishtaba xoolo badan xaggooda kaga maqan yihiin oo in wax la isdhaafsadana ay oggol yihiin, hadda kalase waa inoo dagaal iyo duullaan ayuu war ugu dhameeyey. Wuxuuna Sayidku yiri:

Rayidow1 Garaad nimaan lahayn, waa geddaad tahaye
Gardarradiyo maaggii horaa, geeridaa dhigaye
Gef waxaan ka tegin baad tahaye, gaabso hadalkaaga

Galla’ weeye madhan xaajadaad, nagu galeysaane
Waa been gardaato ah halkaad, nagu gubeysaane
Garow kaama helayee Rabbaan, guul ka sugayaa

Godobteyda oo idili waa, gaafo ii maqane
Hadduu Eebbehay igu gallado, goor dhow baan heliye
Maruun baan ku gaaddiyi xaqaad, iga gallaafteene

Afartaasu waa gabayga weyn, gogoldhiggiisiiye
Geesaha ka soo curay sidii, garama roobaade
Gobo’ kalena waa eray yaraan, idin garyaaqsiiyey

Wixii gaalka sheegtaba markuu, igu gadoodaayey
Gubniyaalka fooska ah markii, la igu soo gaashay
Giddigeed nasaarada hadday, gamaska ii qaadday

Maantii gabeyraha cabsida, galowgu eeraamay
Guutooyinkii maalintii, la igu goodaadshay
Gaaskii la ii wacay markuu, igu galaal xooray

Gebagebada xoogga leh markay, gaydho ololeysay
Guuyadeyda oo idil markii, garangar loo waabay
Maantaan genbi iyo ciil iyo, gacal xigaal waayey

Gadhmadoobe gaaguran gadhliyo, gaanne iyo sheybe
Maantaan gurbood iyo dhallaan, gaban la ii dhaafin
Maantuu raggaygii ku go’ay, galangashuu jiifey

Geesaaska naagaha haddii, giida la waashay
Sidii Cawl gantaal qaba maalintaan, gibil madoobaadey
Raggii gibilka ii riday wuxuu, igu gobeynaayey

Anigoo geddaandhaban caraa, lala guhaadaaye
Waxba kaama goynine haddaan, gacanta kuu dhiibsho
Waxaan kaa gunaaftaaba waa, gaadmo oo kale

Gashiyo aan ganbiyo qeyd haddaad, go’na ii sheegan
Anigaaba geer iyo dhaciyo, guuldarrow qaba e
Waxa goobta igu reebay waa, gaanta aad tahaye

Guudkiinna waxa fuushsan, waa gini caskeygiiye
Aan garteenna kale goosannee, gole inoo xeera
Hadda kalase guutooyin iyo, gaas col iga dhowra!

  1. Rayid: Waa magac Daraawiishtu u tiqiin dadkii Ingiriisku u talin jiray ee raacsanaa.

Kufriga Ina Gabraaraya

Lama hubo in gabaygan Sayidku mariyey iyo in Darwiish kale mariyey. Mid kastaaba ha mariyee wuxuu kula hadlaayey Soomaalida guud ahaan – isagoo uga digaaya gumeysiga iyo foolxumadiisa, kuna guubaabinaaya gaalada inay waligoodba la dagaallamaan, dalkodana aanay marnaba u oggolaan. Darwiishkii aanu gabaygan ka soo guurinay wuxuu inoo sheegay in Sayidku uu mariyey, hase ahaatee, dad kale ayaa nin kale ku sheegay, sidayse u muuqato waa maansadii Sayid Maxamed, wuxuuna yiri:

Xalay gelin dhexaadkii miyaan, gudub u soo boodey
Sida nimanka gaadhka ah, miyaan gabay ku soo jeeday
Garaad-laawe aadmiga miyaan, gees walba u eegay

Goonyaha miyaan deyey kufriga, ina gabraaraaya
Gaalkaan gudneyn ee cirradu, guudka ka caddaatay
Asaad gudaha ge’edaha ka baxay, guri cidla ah mooddo

Oo uu gisiinkiisu yahay, neefaan biri gaa’irin
Oo guuldarreystow khamriga, gacan togleenaaya
Gini-gini haddaad qaadataan, naari daba joogto

Guushiyo hadday doonayaan, geelal iyo xoolo
Garaadkood ba’yow may tagaan, goonyihii xarunta
May nala garaacaan, kufriga gocorka laadlaadshey
May goobtan joogaan jannaa, loo gembiyayaaye!

Gurigii Dariiqaan Lahaa

Gabaygan waxaa la mariyay guyaashii ay Daraawiishi deggenayd Nugaal xeebeheeda hoose – xeebaha Ayl iyo Ilig-deldela, markan xarun waxaa u ahayd Gelingaalle. Ujeeddadiisu waxay ahayd Sayidku Daraawiishta – inuu u sheego dhulkay doonayaan inay qabsadaan iyo duullaanka baxayaa jidkuu mari lahaa. Weligood Daraawiishi waxay haanka ku hayeen dalka loo yaqaan Nugaal iyo dhulka ciidda cas midna inaysan gacantooda ka bixin, waxay ku wadeen haddii xeebaha looga soo duulo oo laga qabsado, irridda kaliya ee u furnayd inay ahayd Nugaal, xagga dhaqaalaha xoolaaha haddii loo eegana waa dhul wanaagsan. Wuxuu Sayidku yiri:

Gurigii Dariiqadaan1 lahaa, guluf ka heenseeye
Badda gooddigeedaan lahaa, gudub u sii qaade
Golol2 iyo Cadduun3 baan lahaa, gabagabee beele

Garoowaan4 lahaa gelin ku furo, gaatiyaha awre
Gaalkacyo5 Beyraan6 lahaa, bari u sii guure
Dhudub7 iyo Gallaaddaan8 lahaa, galalafoo dhaafe

Afar geeddiyow baan lahaa, Doollo9 ugu guure
Gaafoow10 galkiisaan lahaa, gole ka maageere
Garloogube11 gadiidkaan lahaa, gaaddaduu mariye

Goglo12 iyo Bannaan13 baan lahaa, geydho ka eryoode
Qabridaharre14 baan lahaa, gaalana u xiire
Galshey baan lahaa reer Subeyr, goborro weyntiiye

Haaruun gumaad baan lahaa, gabadhna haw reebin
Gufaacada horaan Dalal lahaa, golaha raacsiiye
Gurraasiyo15 Iljeex16 baan lahaa, gowrac ugu jiide

Gadhcaddaha Xuseenaan17 lahaa, guduriguu looge
Gorof u eke Raabboo18 aan helay, uma gargaareene
Gowsaha ka jebi baan lahaa, gudo qudhmoonaaye

Gaalayska Xaylaan19 lahaan, geli nijaaskiiye
Gaboygii xaglaha godon lahaa, garacii reer Ciise
Xasan20 gamas ku jebi baan lahaa, goob ha jiifsado e

Gasirkii walaalkii ahaa, daba guduudnaaye
Usaguna goshaan waran ka gelin, goor aroorya ahe
Cumar Nuur21 gantaalaan lahaa, go’aha raacsiiye

Reer Khalaf22 gurboodkii ka hadhay, geeridiis nacaye
Magan23 inaan waraabe u gambiyo, waa garaan jirine
Huwanoo aan garan inaan dulmiyo, weyga garanuuge

Iiddoorku waa gacal Amxaar, geydhna wow qabaye
Ilka giirre inaan gowracaa, igu gar weeyaane
Usaguna gaddoonkaan lahaa, ugu galaal xoore

Araarsame gunta inaan ka jaro, wow guddoonsadaye
Gidhligaanka waxaa loo cabbeyn, inaan ku goynaaye
Gaaskii ishaarada lahaa, guutadii wacaye

Gooshlyo sangootiga berraa, lagu gelaayaaye
Guullow Allahayow kuwaas, nagu gargaar maantay
Geeliyo Allahayow na sii, guuyadiyo reerka.

Waxaan ka qoray Cabdi Guuleed Cabdi-Yaar, sannadkii 1954kii.

  1. Dariiqo: Waa magac labaad oo xaruntii Daraawisheed la oron jiray.
  2. Golal: Waa dah ballaaran oo Hobyo galbeed kaga toosan.
  3. Cadduun: Waa dhul ciid ah oo Golol iyo Gaalkacyo u dhaxeeya.
  4. Garoowe: Wuxuu ahaan jiray ceel, haddana waa xarunta gobolka Nugaaleed.
  5. Gaalkacyo: Waxay ahaan jirtay ceel, waxaa unkay Cali Yuusuf, haatanna waa xarunta gobolka Mudug.
  6. Beyra: Waa ceel laga cabbo oo Gaalkacyo 30 km u jira oo geesta waqooyi-galbeed ka xiga.
  7. Dhudub: Waa ceel ka mid ah Ceelcad.
  8. Gallaaddi: Ceelka ugu caansan ceelasha loo yaqaan Ceelcad, 44 km ayuu Wardheer u jiraa, wuxuuna ka xigaa dhinaca bari.
  9. Doollo: Waa toddobada ceel ee Wardheer, Walwaal, Afyaraaddo, Garloogube, Yucub, Waafdhuug, iyo Uubataale.
  10. Gaafow: Ceel ka mid ah ceelasha Wardheer.
  11. Garloogube: Ceel ka mid ah ceelasha Doollo.
  12. Goglo: Dhul u dhexeeya Qorrexeey iyo Garloogube.
  13. Bannaan: Waa dhul geedgaab ah oo u dhexeeya Haradoollood iyo Haraxagarrey.
  14. Qabridaharre: Waxay ahaan jirtay ceel xooluhu ka cabbaan, haatanna waa magaalada Amxaaradu, Ogaandenya uga taliso.
  15. Gurraase: Gurraase Xaaji Cali, wuxuu ka mid ahaa raggii abaabulay shirqoolkii Gurdami.
  16. Iljeex: Xuseen Xirsi, wuxuu ka mid ahaa raggii abaabulay shirqoolkii Gurdami.
  17. Xuseen: Xuseen Cumar Nuur Dalal.
  18. Raabbi: Raabbi Guuleed Xirsi Dalal.
  19. Xayle Warfaa Axmed.
  20. Xasan: Xasan-bidde Khalaf Dalal.
  21. Cumar Nuur: Cumar Nuur Xirsi Dalal
  22. Reer Khalaf: Khalaf Xirsi Dalal
  23. Magan: Magan Khalaf Xirsi Dalal.

Guullow Allahayow

Nuur Jaamac Maxamad “Dhalbaas”, rag uu ammaanduule u ahaa ayaa Daraawiish ka fakaday oo waxay u galeen Ingiriis. Dabadeed waxay Ingiriis ku dhaheen, dab iyo raashin na sii Daraawiish aannu la xarbinnee. Ingiriis siduu doonayuu helayee waa ku taageeray. Dabadeed intay Ingiriis hub iyo maal fara badan ka soo qaateen bay waxay dageen Nugaal dhinaceeda galbeed oo waxay ka samaysteen meel ay ku magacaabeen xarun-yar. Sayid Maxamad ma jeclayn wax Daraawiish tabco u dhiga ama turraanturreeya markay gaalo ku jihaadayaan, sidaas daraadeed ayaa xaruntii col lagu qalqaalay si nimankaas Ingiriis gaashaanka u noqday meesha looga kiciyo, markii laga libeystay oo la laayey ayaa Sayidku gabeygan mariyey oo wuxuu yiri:

Guullow Allahayow haddii, guluf la uubeeyey
Gammaankii dariiqada haddii, gaanne laga soocay
Gooshiyo sangootida haddii, heense lagu gaaray

Goor hore salaaddii haddii, gaadhka lagu fuulay
Afar maalin Gallaa haddii, lagu guraar beelay
Guuraha habeenkii haddaan, gooxa laga jiifsan

Geliddii haddii loogu tegay, galaxyaday joogtay
Gudguduudka waabberi haddii, weerar lagu gaacshey
Goonyaha haddii laga maree, lagu garmaameeyey

Geed-joogyadoodii haddaan, guduriguu loogey
Oo goonjigoodii tukiyo, haadku gabasleeyey
Goonku iima naxo nimay kufriga, gole wadaagaane
Galladdaa Allahayow adaa, nagu gargaareystay!

Waxaa laga qoray Nuur Boqor Cismaan.

Shiikhyaale

Ciidamada Daraawiishta waxay ka koobnaayeen afar guuto oo isku xiran:

  • Maarreweyn, oo ahaa nimanka dagaalka u qeybsanaa, dibaddana wareega
  • Qusuusi, oo ahaa nimanka Daraawiish talada u hayey.
  • Gaarhaye, oo ahaa nimanka xarunta ilaaliya iyo laamaheeda.
  • Reer beede, oo ahaa nimanka xoolaha dhaqaaleeya.

Intaasoo idil markii laysku qaybiyo waxay u qaybsanaayeen toddoba col, oo midba lahaa xoolo u gaar ah oo laga maamulayey xarunta weyn. Shiikhyaale, Golaweyne, Taargooye, Indhabadan, Miinaale, Dharbash iyo Ragxun. Col cololkaas ka mid ah oo ahaa Ragxun ayaa geeloodii la dhacay, dagaalna looga adkaaday. Haddaba Sayidkoo colkaa dhaliilaya, col kalena ammaanaya ayaa wuxuu yiri:

Shiikhyaale1 gaade iyo col weyn, haatan laga gaarye
Goor iyo ayaan nimanku waa, gaardiyahayaane

Golweyne2 maantii la galay, gaaladii jebiye
Girligaanku waatuu la dhacay, Gureygii3 fiicnaaye

Taargooye4 kama soo gabbado, guuyadiis dhacane
Gaalaysku waa gelin hayaan, nimay la gaaraane

Indhabadan5 rag wada guurtiyo, geesiyaa dhalaye
Ninna uma garaabaane dan baa, looga gees maraye

Goobta Miinaalaan6 laga eryoon, Geydho iyo laane
Abidkood goob laysku galay, geeri ma la’aane

Dharbash7 Eebbahay baa galladay, goob u dirirkiiye
Abidkoodna ceeb lala guri galo, guri ma keenaane

Ragxuntii8 gafuurrada xumayd, taa la garan waaye
Geeloodii waa tuu la tegay, gucun Majeerteene!

Waxaan ka qoray Abokor Seed 1973kii.

  1. Shiikhyaale: Waa colka koowaad oo ciidamada Daraawiishta ka mid ah.
  2. Golaweyne: Colka labaad ee ciidamada Daraawiishta
  3. Oogle-Gurey.
  4. Taargooye: Ciidanka afaraad ee Daraawiishta, Gu’ magaciis oy Daraawiishi ka soo guurtay Doollo oo goysay silig isu haya Buuhoodle iyo Docmo.
  5. Indhabadan: Colka saddexaad ee Daraawiishta.
  6. Miinaale: Wuxuu ahaa geel tiro badan oo reer bari ka dhacay Daraawiishta, dabadeedna dagaallo badani ka dhaceen.
  7. Dharbash: Colka lixaad ee Daraawiishta.
  8. Ragxun: Colka toddobaad ee Daraawiishta.

Ararsame

Guyaashii Daraawiishi fadhiday dalka badda Hindiya ku jeeda ee Ilig iyo Ayl – dadkii wuxuu u qaatay inay Galbeed iyodegmadeeda ka caareen, cabsina ka gashay. Gabayo ayaa Sayidka iyo Daraawiishba loo mariyay, aan ka soo qaadno gabaygii uu mariyay Ducaale Cali Fagaase oo ahaa:

Sayidkuba ka fiig geelayaga, inuu faduulshaaye
Fagaase iyo summaddaa nafluhu, kaga fogaadaaye
Waa fiil nin lihi foofsadaan, feleg ka yaabeyne
Hadba meesha loo filo dal buu, farow ka laaqaaye
Farowga iyo baruurtiisu way kaa, fijicisaaye
Faallaha iyo dhalankuu yahaa, gobi ku feydaaye
Fiidkiyo aroortuu durduro, genef ka fiiqaaye

Ma facaysto laangaabka iyo, tuugga fiirsado e
Nimaan fuulin guutaduu harkii, faal ka bixi waaye
Faataxa wadaad iyo burduhu, fanax ma beeraane
Faras xoog weyn baa lagu dhaqay, iyo geesi fool adage
Fulayada Daraawiish iyo, Maxamad faankiisa

Hadduu faral jihaad iyo Islaan, faro ku doonaayo
Ararsamaha faaray ee arlada culus, ku soo foofsahay
Muu foos la xulay iyo dagaal, foore kaga yeelo
Muu goolashaa fuuqa baxay, fuquraduu loogo

Fuquyada ku lumay xarunta muu fiisha ka hibaadsho
Oo foori laasimo sidii, ferenji reer loora!

Gabaygaa markii Sayidka loo geeyey wuxuu yiri, “Ninkaasi waa Darwiish inoo baaqayee col inoo qalqaala.” Maalintii dambe ayaa guuto lagu ballaariyey oo waxay geel lahaayeenna gacanta lagu dhigay. Geelii markii xarunta la keenay oo Daraawiish loo qaybiyay, ayaa Sayidku masafo gaaban mariyay oo wuxuu yiri:

Ararsame futo argeeg, feleg ma ku dhacay?
Fishtii inan-gumeednimo, feydo maad ku qaaddeen?1

Ma fallayd kolkaad tiri, cara foos u soo dira?
Sow Fagaase nama oron, foofshaye car weerara!

Anna faraska inaan qabaa, soo la ima filahayn?
Fulayahow nin kaa adag, ma wax la isku fiiqaa?

Adigoo farraaro leh futo xume, ma dhacan tahay?
Geelii farowga weynaa, sow kaama faro bixin?

Fululleyda gaalaad, yaa kaa firfiirsaday?
Faalkiyo ayuubkii, farihii ma eedeen?

Fuxshigaad ku faanteen, ma anaaba kuu furay?
Illeen ferenji nimuu kuday, waa faasuq dooro lehe!

  1. Meeriskaas waxaa kaloo loo mariyay si kale oo ah, Faalkiyo cuyuuggii, faydo maxaad ka qaaddeen?

Qaali Waxaad Tiraahdaan

Waxaa la yiri gabar Ina-Sayid Maxamed ah oo la oron jiray Qaali, ayaa aabbeheed hore u arki weyday, dabadeed farriin bay ugu fartay eeddadeed Jamaad Shiikh Cabdulle oo waxay ku tiri:

Jamaadey1 ayeeyoy, erey yar mayaga geysaa
Caaqilow adoogeey, caaway ma iigu sheegtaa
Mase waan cawdaayoon, cid kalaan u yeedhaa
Maro waan qabaayee, qalbigeygu wuxuu rabo
Baftadii caddeyd iyo, subeycidii guduudneyd
Xariirtii aan magacdhabay, mashiikh baan u leeyahay
Mareekaanta weyn iyo, marbuucdaanan dooneyn.

Sayidku markii hadalkaas loo sheegay wuxuu isna gabadhii u mariyay gabay oo wuxuu yiri:

Qaali2 waxaad tiraahdaan, qowlkaagii ii yimid
Dharkaad u qawadaysiyo, qalbigaagu wuxuu rabo
Qaddar Eebbe mooyee, qayb waa lagaa siin
Qurxi hadalka aad tiri, qababoosh ma fiicna e
Quraankana ha laayicin, salaaddana qalle u diid
Habartaana qaarido, waalid laguma qooqe
Qabbaan iyo farsamo baro, yaadan qiiqa beeline
Qoyskiinna mooyee, qolo kalena haw tegin
Hugaagana qordheeyoo, qalyannimo iska ogow
Quudkana iskaga tuur, ninkii raba ha qaatee.

  1. Jamaad: Waxay ahayd Sayid Maxamad walaashii.
  2. Qaali: Qaali Sayid Maxamad Cabdulle Xasan.

Wiilka Qadafka ii Soo Dirow

Sayidku wuxuu qabay gabar la oron jiray Bullo Cali Shire, markaasaa hooyadeed damacday gabadheeda inay dhibaad u rarto. Maxamuud Cali Shire oo isna wiilkeedii ahaa ayey ku tiri, “Maandhow, Sayid Maxamad idinkaa dowladnimo ku colloobay aniguse soddoh baan ahaye gabadheydii dhibaad baan u geynayaa.” Maxamuud wuxuu yirir, “Hooyo ninkii dhogorta weynaa xoolo iigama baahna.” Dabadeedna hadalkii haddii Sayid Maxamed loo sheegay gabay buu mariyay oo wuxuu yiri:

Wiilka1 qadafka ii soo dirow, qowl aan ku iraahdo
Qalyannimo waxay kaa riddaa, qar iyo buur dheer
Qof haddii aad tahay kuma dhacdeen, qoobishyahow ceebe

Qummud inaad ku dili hooyadaa, qayladeed timiye
Qadduunteeda waatuu la dhacay, sidii qawaar awre
Qayladeeda waatuu dadkii, qaxay ayaantiiye

Naaguhu ninkii qaabka lula, uma khushuucaane
Qorqoday yiraahdaan ninkii, qoyska baanjiya e
Wax qawaacidaas keenay waa, qoobadii saca e

Waadigii qadoodiga necbaa, sida qamaaciire
Qooraansi dheeroow xil baa, qoorta kuu galaye
Qumba dhuugiddeeda iska daa, qoorta haw ridane

Qowsaarradaa loo dlrtaa neef, haddaad qalane
Haysu qaawin qoob dhiiglayahow, hilibka qeeriine
Qooraha ha laalaadinee, qaado maradaada

Qabsinnada haweenkaa cune, qaaxada ha boobin
Qadarkana ha karin yaan indhaha, qiiqu kaa geline
Habartaana qaaraha ka daa, qado haddaad seegto

Haddaad ari quruuf tahay, dugaag qoombiyaad tahaye
Ha qurruudsanaan xerada, yaan qeydku kaa dhicine
Qufulkana xiro yaan riyuhu, qoobka kaa surine

Qeydadaan ku barayaa haddaad, qaayo leedahaye
Qalfoon madhan haddii aadan ahayn, qaado taladayda
Haddii kalana qayl qayl dhalow, deyso qurunkaaga!

Waxaan ka qoray Abokor Seed, sannadkii 1972kii

  1. Wiilka: Wuxuu ujeedaa Maxamuud Cali Shire.

Haddaad Tiri

Goobtii Jidbaalle oo Daraawiish lagu naafeeyey markay dhacday ka dib, ayaa nin la yiraahdo Kaarshe Guuleed Niiqle oo lagu neynaasi jiray Kaarshe Salliiq, Daraawiishna gees ka ahaa gabay u mariyey usagoo ku diganahaya, wuxuuna Kaarshe yiri:

(M)

Daraawiishta qooqani markay, nagu qamaamaysay
Ma u qarinnay maadhiin qacliyo, qabar aan loo sheegin
Ma u qubatay sida roob guyoo, yare qayoodaaya
Qudha kalama maarmine, dagaal qira leh mow keenay?

Sayidka haddii hadalkaas loo geeyay wuxuu ku jawaabey gabay:

Nimanyahow qummaadaa i dilay, quduro waa yaabe
Aan ka quustay Soomaalidii, qurunka weyneyde
Qurji dheerihii bogox jiray yaa, iila qaab darane

Afartaa qodbee balaan, mid kale qaafka ka higgaadsho
Aan qaddiciyo waa xaajadaan, qaayiboo iriye
Ina-Dhiiqle1 qaylada ka timi, qowl aan ka iraahdo

Wiilyahow ninkii kula kheyra, baa lagu qaraaxaaye
Qumanaansho wixii aan ahayn, waa qar soo dumaye
Qaddar nimaan lahayn hadalkii, waa lagu qatoobaaye

Haddaad tiri Daraawiish anaa, qabar ku daayey
Asaad tiri anow qubay sidii, qadowga dooggiisa
Asaad tiri qamaankii anaa, qoorta wada gooyey

Haddaad tiri anaa wada qur jaray, qaafadii le’etay
Asaad tiri anaa qaashka waran, qaaxaduu geliyey
Asaad tiri qaxaabyahow anaa, qalay raggii diinta

Qalbi laawayahow taladu, waa kaa qarsoon tahay e
Haddaad qaaya leedahay, waxaa kuma qisooteen
Qamac lagu shidyow qayl xunoo, qaaq yiraa tahay

Qadafkaad na tiri waa midaan, laga qaboobayne
Wax qawaacidkaa kugu furay, qiimo xumadaaye
Ha qoomamayn abid waxaad, qiratay waa hooge!

Waxaan ka qoray Abokor Seed, sannadkii 1972kii.

  1. Ina-Dhiiqle: Kaarshe Guuleed Niiqle, waa ninkii Daraawiishta gabayga digashada ah u soo mariyey markii looga golroonaaday dagaalkii Jidbaalle.

Cabdillaahi Aadan

Sida la wariyey oo gabayganna ka muuqata Hurre Maxamad Liibaan ayaa wuxuu dilay nin loo han-weynaa oo la oron jiray Cabdullaahi Aaden Kiyo, dabadeed Sayidka halkaa waxaa uga muuqatay in haddii labadaa reer colaadi ay dhex marto, uu midkood Daraawiish ku soo biiri doono oo ay guutooyinka dagaalka gaalada u taagan gacan siin doonaan. Sayidka waxaa la ahaatay inuu isku diro si aysan nabadi uga dhex dhalan oo guubaabiyo nimanka nabarka loo geystay. Wuxuu tusay inuu ka xun yahay ninkaa la dilay. Kani waa gabaygii labaad oo Sayidku u mariyey Soomaali iyo dira-diraheeda. Wuxuuna rabay inay wax u tarto dagaalkii ay Daraawiishi gumeysiga Ingiriiska kula jirtay, wuxuuna yiri:

Waxa gabaga loo qeybiyaa, waa qalqaalsamiye
Waxa geela qaaliga ka dhigay, qiimuhuu yahaye
Qarfo hawda waxa loogu wadi, waa qatimayaaye

Waxa qanamka loo dhaqanayaa, waa qabbaan guriye
Lo’da waxa qumbaha looga luli, qaabka dheyda ahe
Fardo qoolka waxa loogu guri, qoob ka orodkiiye

Waxa gabar qaryada loo togtaa, guur ha kuu qumo e
Qoys weyn waxa loo dhistaa, qani gobaadeede
Qadhle awra waxa loo rartaa, qaadka iyo xooge

Waxa qayli loo xiranayaa, qurux asluubeede
Qaraafiicda waxaa loo toshaa, saydho qodaxeede
Masallaha waxaa loo qaabsadaa, qiro salaadeede

Culimada waxaa loo quweyn, waa qob iyo dhowre
Wax munaafuq loo quursadaa, qowlka beenta ahe
Waxa qoorta loo jari kufriga, qiil ku waajibiye

Qeydada waxa loo baxshaa, waa qorshiyo deeqe
Qaraamaadka waxa loo ratibi, waa qubuul duco e
Waxa Quluwallaha loo diraa, waa qubuuraha e

Wax qaddiibka loo tumanayaa, qaarar gooyada e
Qarash waxa magliga loogu guri, qayb ha kuu galo e
Waxa loo qaadan gaashaan, inuu qaashka celiyaaye

Rag wuxuu isu qiimayaa, waa qarfaafada e
Waxa geesi qalabkuu sitaa, waa qabiilniino e
Qayrada wax loo marahayaa, qaylo dirireede

Wax qisaasta loo dhiibayaa, qoomamaa hadhiye
Waxa qaalli loo raadsadaa, waa qisada diine
Qalinduurre waxa looga tegey, waa quraan yariye

Daaroodka waxa loo qur jari, waa qaskay faliye
Iiddoorka waxa loo qateyn, waa qafaalnimo e
Waxa qumayo loo dilahayaa, waa qaxaabnimo e

Cabdillaahi1 waxa loo qur jaray, waa qabiil li’iye
Qoon adag hadduu leeyahaan, loo quturihaynin
Qooq laguma toogtecn ninkii, qaaliga ahaaye

Waraabaha qaloombiyahayaa. kuma qadeeyeene
Qaraddiyo jinaadkii dhurwaa, kuma quraacdeene
Intuu qalamsadoo cuno gadaal, qaaqda ma hayeene

Qalbigey xanuunsada markaan, qaallanow dayo e
Qab iyo luuli qaabkuu ahaa, qeydada midabka
Qarqarrootigii socodka iyo, qalanja laafyoodka

Qun-u-hadalka qaaraanka geed, quudka bixintiisa
Qasadkii buruudkiyo markay, qaawa ololeyso
Qeyraamintii waranka iyo, qabas kuleylkiisa

Fuley baa qammaada e ninkii, qala la’aantiisi
Goortaan qiyaas fiiriyaa, la i qumbiciyaaye
Qori dalab sidiisaa wadnaha, lay qarqariyaaye

Anaa quusan waayaye, bahdiis qoonsan mahayaan
Qaraabada kuwii ugu dhawaa, uma qamiiraane
Nimankii qiyaamaha ku raray, kuma qamaamaane

Qarri2 kuma simaan wccrarkay, qabax ku siiyaane
Qardam kama dhigaayaan intay, subax quraadaane
Qaday kagama yeershaan guntii, qurunka weyneyde

Huwan qoorrigeeda ha xushiyo, qaara geeda lehe
Haw xilato qabay xoor leh iyo, qadow kuraarkeede
Qol dugsoon intay jiifsadaan, qaac ha loo shido e

Giddigoodba qayl-qayl dhaliyo, qaraf ha eedeene
Haaruunku qalalaasuhuu, kala qaxaayaaye
Markay qaraxdo baaruuddu waa, kala qumaayaane

Inkastoo qabniyo maal adduun, laga qaniimeysto
Qormadooda oo idil haddaan, qaydna laga reebin
Waa ila qaraar reer Cismaan, qaan-ka-guradkiisu

Qaraajiinta Doollaal haddaan, qiiqa laga duulin
Ragga qaafadooda ah haddaan, waran la qaadsiinin
Waa qaran maxaa loo lahaa, qolada Liibaana?

Nin qadeeca dhigi waa sidii, qoofka aan falaye

Aniguba quruunoo dhan baan, hoor ka soo qubaye
Ingiriisba qoorriga badeed, qaati kala roorye

Inkastuu qabiil laawe yahay, qaayin iyo daayin
Ninkii qaamilaad lihi dagaal, waa u qumiyaaye
Anaan qaaridayn bah Cabdalladu, inay qotowdaaye

Qacdii hore Camuud3 baan lahaa, qaarashuu tegiye
Qabkii Faarax4 uma soo rogeyn, intuu qaboobaye
Qamuunyada Hudliyo5 Kaahin6 waa, qabay daruureede

Qar buu duminayaa Kabarre7, waa qarow ishaalleeye
Qasadkoodu Deyl8 iyo Khaliif, waa qaboonada e
Maxaa qaaday laba Shiil9 markii, qorigo qiiqaabay

Qaddarkii Ilaah iyo wed baan, layska qarineyne
Qasiraadba wow lumi ninkii, qaamudkiis galaye
Alla qiira darana Jiciir10, Qaaddirkay magane!

Waxaan ka qoray Xaaji Maxamad Cawl, waxaana laaxin tiray Xaaji Cabdiraxmaan Sayid Maxamad 1957kii, gabaygani wuxuu xiriir la Ieeyahay gabayga 113aad.

  1. Cabdullaahi: Cabdullaahi Aadcn (Kiyo) Maxamad Liibaan.
  2. Qarri. Qarri-jiqood, buur ku taal webi Shabeelle xaggiisa sare.
  3. Camuud: Camuud Siciid Liibaan.
  4. Faarax: Faarax Maxamuud Liibaan.
  5. Hudlc: (Boojaalli) Yuusuf Maxamad.
  6. Kaahin: Kaahin Maxamad Liibaan.
  7. Kabarrc: Maxamuud Kabarrc
  8. Deyl: Deyl Maxamad Liibaan
  9. Laba Shiil: Maxamad Yuusuf Liibaan iyo Shiil Maxamad Liibaan Jiisoow.
  10. Jiciir: Jiciir Maxamad Liibaan Jiisoow.

Keenadiid

Waxaa jirtay 1904tii inuu gumeysiga Talyaanigu, Keenadiid geystay magaalada Casab oo ku taal xeebta Eritereeya. Isla markaa waxaa haddana jirtay Talyaanigu inuu weydiistay Sayidka hadal inuu dhex maro. Ujeeddada Talyaanigu waxay ahayd Daraawiishta inuu hcshiis ka helo – si uu xooggooda iyo xirribtooda u ogaado. Sayidku wuxuu yiri, taasu waxay ku imaan kartaa adinkoo Keenadiid iyo raggii la socday soo celiya. Dabadeed Talyaanigu sidaa wuu oggolaaday. Dhowr toddobaad ka dib, xeebta Ayl waxaa soo dhigtay markabkii Keenadiid siday. Markiiba Sayidku wuxuu yiri, Talyaaniyow, Keenadiid hadduu xarunta rabo soo dejiya, hadduu rabo Hobyo inuu tagana geeya, oo markaa aan isu imaanno. Keenadiid wuxuu doortay inuu Hobyo tago si uu taliskiisa iyo maamulkiisa u sii wato. Inkastoo Daraawiishi oo la socotay tallaabooyinkaa oo dhan, feeyigi dheeraadana u lahayd, haddana afku wuxuu ahaa geeraarkan soo socda:

Talyan koofiyad weynow
Dabadeed aad kalaantoo
Kiddibkii aad shubtee
Keenadiid ma waddaa? …

Waxaan ka qoray Xaaji Cabdiraxmaan Sayid Maxamad sannadkii 1959kii.

Kalaalaga Afkiisa

Dhowr gabay oo kala duwan ayaa Sayidku fardaha ku ammaanay. Geeraarka soo socda wuxuu ka mid yahay kuwii Sayidku fardaha ku ammaanay. Faraska geeraarkan loo mariyey miduu ahaa wax noo caddeeya lama helin. Darwiishkii laga soo qoray oo ahaa Faarax Baqardhe 1957kii, wuxuu sheegay in geeraarka lagu mariyey Taleex, wuxuuna Sayidku yiri:

Kalalaaga afkiisa, kaltabaa isku dhaaban
Kalwis loogu ridaa, ma kullaabatadaa?

Kamman laysku cajiimo, kakan buu calashaayoo
Kowlguun la dhacaaye, kadab soora miyaa?

Kundhulaaga daloola, sida kiiriga weeye
Hadduu neefta ka kiilo, kuraa fooryi miyaa?

Indhuhuu kulcinaayo, kuuligooda rogaayo
Kurba weeye libaaxe, kar la oogey miyaa?

Kalshadaa wajigiisa, bil kowaadda sideeduu
Kalxadaada ifiyaaye, kaah hadeenla’ miyaa?

Hadduu qaylo kallaaxa, kaliifkeeda dareeroo
Dheguhuu kilkilaayo, kitaab baalle mlyaa?

Guudku kaymo ameeroo, kal horaaddo lahaayoo
Kowraxuu wacsadaaye, korjad cawra miyaa?

Sitaac kaambuli weynlaa, kurka loo geliyaa
Kilkilaa u ruxaaye, kibiraani miyaa?

Dushu waa kax bannaanoo, kohan mayso naftaaduye
Korra weeye qabow e, kob bacaada miyaa?

Fanku waa kabbisaaye, korra weeye sarreysoo
Kefed weeye daruuree, kuud dallaysan miyaa?

Hadduu koosa raqleeyoo, kafkaftiisu ma waalla
Kasha wuu debciyaaye, kowshax gaabin miyaa?

Haddii uu kabtimaayo, kacdinkiisa galowgiyo
Haddaan qoofal kabaaba, kaltabaa ugu dhacdo
Kiirriskuu dhutinaayo, kubku naafa miyaa?

Haddaan kaabka rikaabka, koro oo isku taago
Kufaayoo lama daace, kur dhaadhaba miyaa?

Haddaan guura kadiidno, habeenkii kiniyoonno
Korka wayga dedaaye, kiini howda miyaa?

Meel kaliil hoga oonoo, kabajaagu dhawaaquu
Kafiil iiga noqdaaye, kal xareeda miyaa?

Col haddaannu u koodno, markii kiidibku jooguu
Kabdhoodkoo u baxaayoo, kaalayeyda hayaa?

Kalaalaa shirameedkuu, nin karmeedka maqlaayoo
Kalaakalkiisiyo sowdkuu, kasayaayoo gartaa

Majeerteen kol la sheegyoo, kinsigaynu lahayn buu
Kaxaystee igu duusha, kowlaanteed rag ku baan

Ragna koonfur taggeeda, wuu u kaakicinaayay
Kalab weeye Hiraabee, Kaa ha la isku dareersho,
Kowlaanteed rag ku baan

Reer Subayr kaba weyne, wax dhaaxuu koda dhafay
Kaa ha la igu dareersho, kowlaanteed rag ku baan

Rayid waa kirishtaanoo, Koofil weeye dhashiisoo
Kaa ha laygu dareersho, kowlaanteed rag ku baan

Ragna kaas nagu diid, aan shirshoore kadeedno
Kitaabtaas la collownaan, kurtayuun ku heshiinnay

Kabashkii la sikiimaa, kumbiskiis la taxdaayoo
Sibraar aan kogsanayn baa, karuurkii lagu qaatay

Kooxdii noogu horreysaa, geelii kuurka u gaadhay
Kaabiguun buu jiraaye, ka degaay ma dheheen

Iyadoo koorinaysa, karoorkaas ka badnaatay
Kaamil loo wada eegay, ka degaay ma dheheen

Kura kiira saqaafe, kob cagaar leh maraaya
Kuuligaannu ka qaadnay, ka degaay ma dheheen

Cag kash-kaash la waddeeyey, korjoogaan u maleynay
Kuuligaannu ka qaadnay, ka degaay ma dheheen

Kaadidoodiyo raadka, kol dhaweyto ahaana
Kuuligaannu ka qaadnay, ka degaay ma dheheen

Dhengeddii ay kurteen, kurtunkoodii qoyaami
Kuuligaannu ka qaadnay, ka degay ma dheheen

Koorib-naarka shaxdiisiyo, kataantuu ka jareeyay
Kuuligaannu ka qaadnay, ka degaay ma dheheen

Kalmoontii qallixii iyo, kowraxdaan qallallayn
Kuuligaannu ka qaadnay, ka degaay ma dheheen

Kigta weerar daryaanka, shiinbiruu ka wadaanoo
Fiintu kiida gurtaaye, ma qiyaama kacdaa!

Laalays

Guud ahaanba Soomaalidu, fardaha waagii hore waxay u ahaayeen gumaro la dugsado, gaar ahaan Daraawiishta waxayba u ahaayeen halbowlaha naftu ka haldhag leedahay. Faras magaciisa la oron jiray Laaleys ayaa Sayid Maxamad u dhiibay afar nin oo wuxuu yiri: “Si wanaagsan faraska u dhaqaaleeya.” Maalintii dambe ayey ku yiraahdeen “Sayidii faraska naga qabo.” Sayidku wuxuu yiri, “Ceelka geeyoo waraabiya, dabadeedna keena.” Faraskii markuu biyihii cabbay ayuu bakhtiyey. Raggii iyagoo jarihii wata ayay Sayidkii u yimaadeen. Sayidku wuxuu u qaatay inay iyagu kas u dileen, wax ku caddeeyana lama hayo. Dabadeed, Sayidku wuxuu mariyay gabay aan intiisii badnayd la helin, waxaana Sayidka ka soo guuriyey Darwiish la odhan jirey Maxamed Xoosh Dheere:

Xuseenoow war laabuda haddaad, an iga laameeri
Waxa igu lillaahiya inaan, laayacaad ahaye
Laaleys siduu iiga lumay, luudis baan ahaye

Kob uun baan ku laabnahay, sidii liite doora lehe
Laafyaha waxaan baacin jirey, laabtay gacantiiye
Luuqyada haddaan mari, gabdhuhu igama leexdaane

Lar kacaan didayaa sidii, layli cararaaya
Lawaaxiga dharaareed cidlaan, layrsanahayaa
Lubbigeyga kaliyaa fadhiya, lebi dabeyl weyne

Qorrax liicday goortay shamsadu, libiqsatoo ciirto
Waxaan soo lug qaadaa markay, laxuhu ciiraane
Laankaan fariistaa sidii, layf martaaniya e

Waxay laabtu ii ruxan duqii. luqunta weynaaye
Isagaa kolkuu lumay qalbigu, ii lalabayaaye
Waxa labalegdaha ugu wacan, laaqanaan tebiye

Dagaaikaan ku laablaabi jirey, igu luggooyeene
Libaas kacaya loolima dagaal, leebi dirirteeda
Laqwina maayo maantay cirradu, laaca ii tahaye

Luggooyooyinkaan qabo Rabbaan, laxawga moogeyne
Ma liibanayaaloow kufray, lib u walwaaleene
Waxaan laabta ku hayaa inay, laqamma hcereene.

Waxaan ka qoray Maxamuud Xoosh Dheere sannadkii 1972kii.

Xuseenow Ninkii Laable

Tiirka koowaad ee Daraawiish wada-jirkeeda ku dhisnaa wuxuu ahaa “Gabayga” iyagu dhexdooda wax ha isugu sheegeen ama dad kale ha kaga ciil beeleene, wuxuu gabaygu ula mid ahaa sida halka maanta idaacaddu adduunka ujoogto. Waxaa loogu sid tirin jiray xilliga guga oo kale. Daraawiishtii goobjoogga u ahayd waxay sheegeen in Xuseen Maxamuud (Dhiqle), oo gabayada Sayidka naawiii jirey in laga filaayey galab, galbaha ka mid ah inuu gabay keeno “Farxadda”1 gabaygaasoo uu Sayidka horay u qaybsiiyey, hase yeeshee, Xuseen Dhiqle waxaa u suuro geli weyday inuu gabaygii mariyo. Gabaygan ujeeddadiisu waxay ahayd canaan uu Sayidku u jeediyay Xuseen Dhiqle inkastoo canaantani ay wax barid iyo layli-bixin ahayd. Sayidku wuxuu ku caddeeyay in gabaygiisu saddex saddex meeris ahaa, wuxuuna Sayidku yiri:

Xuseenow ninkii laable baan, lumin weedhay e
Maantaan lixyowdiyo, adoo laylafoo gabana
Wax badan baan sidii laab quraan, looxa kuu dhigaye

Nimankii laqbada kuu akhriyey, waa ku himiyeene
Lallabkii ay kuu sheegayeen, laasin ma ahayne
Waxay kugu luggooyeen jidkii, laallada ahaaye

Lucda weeye hadalkaan sharciga, laabud ku ahayne
Mar haddaanu luuligu is-hayn, labacu waa beene
Laqwad xumo ha joogtee, macnaha kuma lihiinsiine

Lakab oodan bay kugu rideen, laqammadiinniiye
Anigana lur baa iga qabsaday, layli bixintaaye
Laxnigii aan kaa jaray, ka badan lag iyo alaafe

Marka laaqiskii iga ba’iyo, laacdankii gole e
Laandeyr haddii aadan qabin, kama layiigteene
Anigoo ladaadyeysan bay, lar igu oogeene

Lidda malaha sooryadu haddaad, meel ka liilliyi
Liqmada iyo dhuuniga waxbaa, iigu laabudane
Lis xaraarle bay ii dhadhami, labanka caanuuye

Loolkiyo lammaa laysku xiray, laabatada qoyska
Haddaan laamandoodsado hurdada, waanan ledihayne
Lahanka iyo caradaan qabaan, laba legdeeyaaye

Leecnanta Soomaali baa, luri calooshaye
Luufluufatadaasaan u dhiman, laafa lugudkeede
Maandhoow laftii iga jabtaan, luudayaa weliye

Maandhoow raggii Laxar2 jiree, looraraa yimiye
Loxoskii horay ii ekayd, liin ka gubiddiiye
Maandhoow lix seben buu fadhiyay, Laaso3 iyo Cayne4

Maandhoow lixaadkaan qabaa, laacib baan ahaye
Maandhoow lib baan kaga tagaa, leexa dirireede
Maandhoow laqdabo waa ka duuf, aniyo Laaleyse5

Wax badan baan libaystoo gashaday, baal laglaga dheere
Aarkuba hadduu soo lallabo, laga lanleemooye
Gaashaan nin lowga u dhigaa, waa la’aan jirine

Maandhoow waxaa igu lammaan, duciyo liilaafe
Liibanta Eebbiyo waxay laray, Daraawiishe
Waxaa igu laxaamadan kuwaad, laxan wadaagtaane

Haddaanan diinta laayicin xaqaa, lagu labaadaaye
Inkastuu lukuuk daba kufrigu, libirka ii keeno
Waxaa igu lillahiya inaan, layga lalinayne

Maadhoow wax badan baad lurriday, gaalka luunka lehe
Wax badan baa waraabuhu lud iyo, loogsin kaa helaye
Wax badan baad lakiday farenjigii, loloshka dheeraye

Marka igu ladoo gabaygu yuu, laydha iga raacin
Maandhoow adaan laxaw ku hayn, laylana ha baajin
Adigaa lammaantaye ka dhowr, laakadiyo ceebta

Listaankii horaa kugu jiriyo, luquf habawgiiye
Inkastaan ku laalbaray fahmadu, kuuma looshana e
Maandhoow ha leeleelin, yay leexan maansaduye

Luuqdana ha bi’in sowdku, waa laaxibboon yahaye
Maandhoow lukowlaha ka dhowr, labana haw hoorin
Meeshaanad lowga u dhigayn, kor ugu laameeri

Maandhoow halkaan kuu laqimay, malaha laakiine
Waa laqan madaafiica iyo, danab lifaaqoone
Waa liifad duushiyo rasaas, leeba oo dhiciye

Waa laas xiriira iyo jookh, ligicyadiisiiye
Waa liinta kheylida ku taal, ligicyadeediiye
Waa luungad iyo shaadir iyo, luulka oo kale e

Waa loollimeyntii baddiyo, mowjadoo lulane
Waa lalan daruur ciratayoo, laaga soo rogiye
Waa lugiyo hooriyo hillaac, lagagacdiisiiye

Waa xamashka liiqanahayiyo, luunta beeraha e
Waa laan cagaar bixiyayoo, layranoo ruxane
Adiguba lubbiga waad ka garan, laaea geedaha e

Maandhoow ladnaan baad qabtaa, balo ku laaqyeyne
Maandhoow sidii leyf martaan, kuu liyaafadine
Maandhoow luddaan kuu ridiyo, lacandidaas qaado!

Waxaan ka qoray Aw-Axmed Aaden Surgo, 1954kii, ka dib waxaan helay isagoo la qoray 66 sano ka hor.

  1. Meesha Daraawiishta shirka ku qaban jirtay; barxad.
  2. Wuxuu u jeedaa magaalo Cadan dusheeda (Laxaj).
  3. Laaso: Waa balli Buuhoodle ku xeeran.
  4. Cayn: Waxaa loo yaqaan dalka ceelka Caynaba ku wareegsan.
  5. Laaleys: Wuxuu ahaa faras Sayidku aad u jeclaa (eeg gabayga 102aad).

Ku Milaada

Gabaygan lama hayo ujeeddadii loo mariyay iyo dantii laga lahaa midna, waxaa la garanayaa inuu Sayid Maxamad Daraawiish ku gubaabinayey, kuna dhiirrigelinaayey inay dadka colka la ah ama gaalada miirida u ah iyo dadka Dariiqada ka fakanaya laayaan, naxariisna aysan u gelin, wuxuu Sayidku yiri:

Macnaha Keenadiid laguma oga, magac Islaameede
Murtad weeye oo ferenjiguu, maandhihiis yahaye
Ku milaada inuu muumin noqon, uma malaysaane

Iiddoor macaankii jannada, macamidii seegye
Mursadii Berbera loo dhigay, mugane aadaane
Ku milaada maaltooyadu, waa malaanmaliye

Dad ninkii mahdiga diiday, oo gaal u muxubbaysan
Macbuud Alluu gooyay, iyo Maxamadkeenniye
Ku milaada mowtidii la naar, waa makhruun falane

Nin mahduushiguu muuqataan, maanki kula joogin
Magalootigiisii ha arkina, waa wax kaa maqane
Ku milaada caawuu mir kici, maleg Alluu keenye!

Majeerteen

Waxaynu horay u soo sheegnay in 1903tii Sayidku waraaq ka helay boqor Cismaan Yuusuf. Warqaddu waxay oronaysay, “Daraawiisheey bari u soo guura si aynu garab iyo gaashaan iyo isku gacan u noqonno, gaalo iyo cawaankeedana meel uga soo wada jeesanno.” Daraawiishi sidaa ayey u guurtay. Masafada soo socotana waxay tilmaameysaa geeddigaas iyo dhibkii ka soo gaaray iyo waxay talo ku dambaysay, wuxuuna Sayidku yiri:

Majeerteen markaan maqlay, maanku waa jeclaystoo
Milmil1 reerka oo yaal, dib u soo majiirroo
Muxubbo ugu soo raray, Murcanyo2 iyo Baargaal3
Matakhshoo ku soo dhaxay, Miiro4 iyo Garloogube5
Marqo ivo carruurtii, Marsin waaya loo daa
Maalintaan ka soo raray, Masaarraan6 ku soo furay
Marafkiyo cagaarkii, mareerkii ma xaalayn
Malxaabadaan ka soo raray, mutahada Dannood imid7
Makhribkii markuu dumay, minka awrta saarroo
Mugdigii habeenkii, maatatuul u soconnoo
Muruq daalis iyo rooris, barqadii la maanshoo
Maxmilkiyoo aan laga dhigin, meerihiisii laga rogay
Sengeyaal majiirraa, makaankaa ka kiciyoo
Marraagga iyo caynkii, murti loo adkeeyoo
Mashriq foolka saarroo, markab sidii u roorroo
Hawdkii muquurroo, hadba maarar dhaafnoo
Masaafada iyo nocodkiyo, mililicda u bareernoo
Geeddiga maqiiqani, lagu maalin gaalyoo
Malleelkii iyo leexadii, ayax lagu maleeyoo
Madowgiyo guduudkii, maad loogu dhimayoo
Malkadii Nugaaleed8, muddo badan u soo dhaxay
Mahlakadii jidka ahayd, macbuud naga bariiyo
Miciyo dugaaggii, mowtulfaja waa ka nabadoo
Baadi waa iska maashoo, mooraduugse nama helin
Waxmulbaday ma diiddanin, malafsi baanan sheegine
Ma’man badanna waa qabay, mahad Eebbe weeyee
Afartaa micneeyoo, mid kaleeto waayoo
Maxamuud Saleebaan, mid yar baan u leeyahay
Maahmaahadkoodii, nimankaan u maalliyay
Maankaa jeclaystaye, muuno nagama raacin
Madh9 waayadaan tegay, nimankaan u soo muray
Magannimo Allaa lehe, nimankaan muskuu galay
Aan meherba lagu dhalin, manidood ha gubatee
War maxaan marweeyoo, masalle u xajiin tiray
War maxaan mar iyo labo, manfacada u toos iri
Maxaan gool marmaarriyay, mariskiisa daajoo
Maxaan meyraq iyo kurus, darka uga milaaloo
War maxaan murkaha weyn, xumbada uga malleeyoo
Maxaan meydabtii geel, xeryo uga milaaloo
Ari daad masaalkiya, xeryaha ugu miisoo
Mood maxaan u dhiiboo, magaalo u sameeyoo
Maxaan maxawi iyo timir, masafo ugu laaboo
Maxaan shaah mureesiya, kirli uga muggeeyoo
Maxaan meyrantii dumar, maxmil ugu hagoojoo
Maxaan maqaasiinka u dhigay, gabar miigganoo culus
Kullu mosorayaashii, waa wada maraaceen
Inay maxalka jeexeen, Muumino10 ha loo tago
Afartaa micneeyaye, mid kaleeto waayoo
Raggii magaca dheeraa, maarre waxay ku toogteen
Waxay macallin qaariya, melaggiisa joogeen
Away macallimiintii, mid-midka ay u dooxeen
Bah dir baa magoolliya, mindhaa murankii beenoow!

Waxaan ka soo qoray Aw-Axmed Aaden Surgo sannadkii 1956kii. Waxaana dhammaystiray Xaaji Cabdiraxmaan Sayid Maxamad.

  1. Milmil: Laag biyo leh oo u dhexeeya Dhagaxbuur iyo Awaare.
  2. Murcanyo: Waa magaalo raacsan degmada Caluula oo u dhaxaysa Dhurbo iyo geesaley.
  3. Baargaal: Waa magaalo ku taal xeebta koonfur Raas Gardhafuy Waxay ahaan jirtay Xaruntii Boqor Cismaan.
  4. Miiro: Balli Hawd ku yaal.
  5. Garloogube: Waa ceel ka mid ah kuwa Doollo.
  6. Masaarre: Balli ka mid ah ballida loo yaqaan Harasan.
  7. Dannood: Waa balli caan ah oo ka mid ah toddobada balli ee Haraxagarrey.
  8. Nugaal: Waa waadi dherer iyo ballaarba leh oo Cayn iyo Saraar ka soo rogmada, xeebta Aylna badda Hindiya kaga dara.
  9. Madha: Ceel biyo kharaar oo ku yaal dixda Dharrooreed bartamaheeda oo raacsan maamulka Boosaaso.
  10. Muumina: Waxay ahayd gabar ka mid ah gabdhaha aqalkii boqor Cismaan ka adeegi jiray.

Maadeys

Waxaan muran ka joogin in Sayidku ammaanta fardaha hanaqaad ku ahaa oo aqoon dheerna u lahaa. Sida badan waxaa fardaha lagu ammaani jiray geeraar. Gabayga soo socda waa kii labaad ee uu Sayidku faraska la baxay Maadeys ku ammaanay. Daraawiish wuxuu markaan ku guubaabiyey inay dagaalka gaalo ku mintidaan. Laakiin inkastoo gooddi, faan iyo hanjabaadi ay gabayga ka muuqdaan, haddana dulucdiisu waxay tahay in Sayidku Eebbe ka beryay inuu faraska u daayo oo uu gacantiisa ku raago, wuxuuna yiri:

Waxa loo maleegtami jahaad, milaygii joogaaye
Muslin iyo kufraa loo xarbiyi, labada meeloode
Murtad weeye gaalada ninkaan, moosinkow tegine

Ku mintida xarbiga waw qabnaa, muunyo iyo ciile
Muramaysta dirirtiisa waa, mahadin doontaane
Murkuu geliya maarraha kufriga, waydin moogyahaye

Anigana haddaan meleg i helin, soo maroorsadaye
Waxaan maylinkuu rabinayaa, caro milaadkeede
Masaafooyin kulul baannu marin, aniyo Maadeyse1

Majiiraha rogaalkaa wax badan, mowtigood geliye
Korkiisa magoolka u eg baa, dhidid madoobeyne
Boorkaa malleelkaa ku noqon, sida makhaayeede

Markiciisa orodkuu kabtiga, muxubbo rooraaye
Sida mooladhaabuu cashriga, saray u moohaaye
Gorgor samada meehaabi baa, lagu maleeyaaye

Iiddoorka miirida ah buu, meyra ka eryoone
Meeshiyo magaalooyinkuu, maata doox dhigiye
Muluq buu ka siin reerihii, may xarayn jiraye

Macluun weeye oo neefku waa, mahad Ilaahaye
Mar hadduu maqaanaha ku xidho, maanku iga raacye
Midigtayda Eebbow u daa, Maalik baad tahaye.

Waxaan ka qoray Aw-Axmed Aaden Surgo.

  1. Maadeys: Faras ka mid ah fardaha Sayidku ku dhaaran jiray

Maqashiiya Uunka

Xeeladaha Daraawiisheed waxaa ka mid ahaa meel kasta oo ay degganaayeen, in dadka Soomaalida loo diro culimo iyo dad wax u sheega, oo uga diga gaalo iyo u-adeeggeed, si aan loo dagin ama aan laysugu dirin, diintana looga saarin, dalkana looga qaadin. Sidaa daraadeed ayuu Sayidku wuxuu diray laba nin oo la kala oron jiray Cabdullaahi Shixirri iyo Xirsi Afdiir, labaduba waxay aqoon dheer u lahaayeen afafka qalaad ee Yurub, ummadaha shisheeyaha dhexmarkooda iyo diinta Islaanka. Ujeeddada uu Sayidku u diray ninkan gabayga ayaannu ka garan karnaa:

Cabdalle maan qaboobiyo, Xirsi maakib1 laawow
Mid yar waxaad tiraahdaan, murtadiinta reer Hagar
Habar Yoonis madasheeda, mariya weedha aan iri
Toljeclaha muraadkaygiyo, masafadayda ula taga
Maqashiiya uunkaba, miyir inuu ku soo galo
Mid mid waxow tiraahdaan, miminka mooradii furay
Mawaacidada diinkii, ma wax laysku maagaa?
Jahaadka moosinkii galay, ma wax laga maqnaadaa?
Mushaaharada beenihi, ma wax lagu mannaagaa?
Loxodkii madoobaa, ma lays moogadeeyaa?
Muufada cadaabeed, maw adkaysanaysaan?
Gaal nin u midiidimay, maqaan naara inuu tegi
Kutubtaa u marage, ma wax lagu murmaa?
Mushrik inaad jeclaataan, amaad mudan ku sheegtaan?
Haddeydaan mujrim ahayn, masalo maad u haysaan?
Masalo gaabyadiinnaa, meel daran idin dhigay
Muftiga waanadiisii, idinkaa ka maagtoo
Macbuudkii Rabbi ahaa, idinkaaba moogoo
Maxsharkiyo qiyaamaha, idinkaaba munkirayoo
Muqfiradii Ilaahay, idinkaaba ka maarmoo
Macaankii firdowsana, idinkaa muraystoo
Muuminnimada laabta, idinkaa mantagayoo
Minadiinna gaalowday, idinkaa muquunshoo
Kufriga i mahoobbiyey, idinkow micinoo
Makaankii shareecada, idinkaa matamiyoo
Muslinkiyo qusuusida, idinkaa makalayoo
Maalkii agoomeed, idinkaa malhabayoo
Masxafkiyo Quraankii, idinkaa maljadayoo
Waxse mowtigiin galay, ama meleg idiin yimi
Markaad Maxamedkiinnii, macluun uri ka raacdeen!
Mariyoo macneeyaye, mid kaleeto wuxuu yahay
Waxaan makallay fereenjigu inuu, miiri idin qoray!
Waxaan maqallay maalkii inuu, idinka meersaday!
Waxaan maqallay ooryaha, mid tan inaad ka weydeen!
Aan miis yar mooyee, Meydho geel la siineyn!
Waxaan maqallay maahyahow, magiciin inuu ba’ay
Intaasoo masiibaa, wax igala maad badan
Maska iyo abeesada, magta aad ka bixiseen
Aanad midigta fidinayn, aar hadduu ku miciyayn!

Waxaan ka qoray Jaamac Ismaaciil Dhoon sannadkii 1957kii.

  1. Xirsi: Waxaa loo maleynayaa inuu yahay Xirst Afdiir

Malaw ii Soo Godol

Waxaan gabayo hore iyo sheekooyinkoodiiba ku soo sheegnay in geelii la baxay Daboolane ee ay Daraawiishi, Habar Yoonis ka dhacday, gabayo badan oo faan, digasho iyo diiddaba ahna laga mariyey. Gabaygakan soo socda wuxuu ka mid yahay kuwii geelaas Daboolane, gabayga ka dambeeya ayeyna isku wakhti ahaayeen:

Xuseenow masalo waa halkii, maanku kaa dego e
Masala gaab wuxuu kugu ridaa, marin ciriiryoone
Medded Eebbahay waa hadduu, marax ku siiyaaye

Cirku wuxuu muggaabaa haddii, milaygi joogaaye
Malaf wuxuu baxaa waa dhulkoo, daadku maaruqaye
Anna sida maqaarray waxaan, mowda ku hayaaba

Sidii meydab jiilaal, waxaan maanka ololaaba
Sidii aaa wax mowtiyi waxaan, micida ruugaaba
Soomaali kale waxaan melgoo, madaxa gooyaaba

Iiddoor waxaan meeriyoo, malas u daadshaaba
Minka waxaan dayaafad u dhigoo, malab ku siiyaaba
Madadaalo beena iyo cayaar, waxaan ku maahshaaba

Maaweelo aan jirin waxaan, maandhe ku hayaaba
Waxaan maansa booli iyo jiib, ugu madiixaaba
Salaan aan milgo lahayn, waxaan midigta saaraaba

Wixii an magoogaayey, waa miiska aan falaye
Makhrib dumay sidiisii, xeryaa ma u madoobeeyey
Ma makalay wax badan, waanigii maarruhuu sidaye

Murti nimaan lahayn iyo gun, waa laga mildhaashaaye
Wax midgaana Deylkii martiyey, ma hurihiisiiye
Meertaysi nimankii u baxay, Eebbe naga meerye

Durba murugadaan qabiyo, riday milaadkiiye
Meydkooda waa tuu ahaa, maadho oo kale e
Nejiskaan mudmuday shaleyto, waa maqaddinkoodiiye1

Musanowga Caynaanshe waa, mahad Ilaahay e
Mersadii Berbera haw la kaco, maatadaan dhacaye
Malaw iigu soo godol anay, maahuggay tahaye!

Waxaan ka qoray Xaaji Jaamac Ismaaciil 1957kii.

  1. Axmed Shire.

Mahade Haw Sheego

Horay waxaan u soo sheegnay in nin layiraahdo Colujoog Aadan Jugle uu Sayidka gabay u tiriyey, gabaygaasu halkudheggiisu wuxuu ahaa:

Sayidkuba ka baqay geelayga, Seeto soo degaye

Col Daraawiish ah oo xulanshi ah ayaa duulay, waxaa la yiri Sayidku colkaa ma dirin, waxay colkii qaadeen jid aanba laga filayn, dabadeed geel tira badan ayey ka soo qaadeen Xaguuga iyo Xalxalis oo ah degmada Oodweyne, geelaasi waa geelii la baxay Daboolane waxaana lahaa niman madax ah oo Daraawiish ka soo hor jeeday. Raggii geela laga qaaday waa ay u naafteen, Daraawiishse waaba ku baraartay oo ku barwaaqowday. Dhowr gabay oo kala duwan baa Sayidku ka tirshay, kuwaasoo ahaa digasho, mahadnaq iyo tusaale ah awoodda Daraawiisheed, wuxuuna yiri:

Xuseenow masaladaydu waa, lagama maarmaane
Adow maraga inaan gabay milkihii, laygu maakubine
Waasaan ka maaliyay tan iyo, milaygii dayreede

Maqsinkaan ka xidhay, haatanaan kaaga soo mariye
Waa kuu maagaayaa intaan, kaaga muudalaye
Yuu kaa murgine fiirso waa, kuu maldahayaaye

Maandhoow manaamiyo waxaad, moogtahaa badane
Murtadkii haddii F.ebbehay, iga maddaaryeeyay
Maandhoow i maqal caaway waan, kuu mnaqaxayaaye

Maxay kugu da’ayaan ahoo, miira soo kicine
Miyigaba sidii madax gubaan, maaruqahayaaye
Waa kuu maraamayn hayaa, muhasho haw qaadan

Mar haddaan maqaanaha u lulo, laga maqnaan waaye
Sidii idan maqaar loo dhigaan, soo miliiliciye
Waa kuu mashxaradayn hayaa, madarka soo joogso

Afartaa sidii macallimmada, miin ma ka higgaadshay
Musareed intaan dhigay miyaan, dadab ku meegaaray
Ma mantaqiyey maansha Allee, maahir baan ahaye

Malkadiisa lama seejiyee, marin ma qaadsiiyay
Hadalkaan muraar lagu ogayn, maysu wada muujay
Macno kalana waa oronahayaa, aan idin maaweesho

Masar baan u dhoofinahayaa, maansadaan tirine
Markab baan ku sii qaadayaa, mawjadda ha jiiro e
Ha maquuro maanyaduu kobtay, miririglaynaysay

Ha muurreeyo mow dhexe wax badan, hana miqiiqnaado
Meeshiyo magaalada Cadmeed, meylku ha abbaaro
Mayuunkii intuu laba ka dhaxo, moosinka ha beego

Marsadii hadduu gaaro waa, loo madlahayaaye
Muslinkii salaantaan u faray, midigta haw saaro
Ninkaan gaalka miiri u ahayn, muxubba haw geeyo!

Iiddoor waxaan meeriyoo, malak la raadshaaba
Waxaan maylinkuu looliyoo, micida ruugaaba
Inaan miigihii shalay u sheegay, mahade haw sheego!

Inaan guuto mawjiida oo, miiriya u geeyay
Oo aan makalay duulku, waa iga mutaysteene
Oo aan mareegaha u furay, mahade haw sheego!

Gabagabo ku miiskii haddey, Meydho ololeysa
Sidii muusannow bay nirguhu, mawda ku hayeene
Madiixa iyo ololkii ka baxay, mahade haw sheego!

Hadday soo miraadeen kuwii, maali jiray geela
Majiiraha rogaalkii, inaan mariyay oo laayay
Aan muquddimiintii la hadhay, mahade haw sheego!

Malaanmalida nimankii ahaa, waa maquunsadaye
Magligii markaan ula baxay, marada xooreene
Inay malashka laalaadiyeen, mahade haw sheego!

Anna maarrihii1 waan la helay, kun iyo maymaye
Maydkoodu waa tuu ahaa, maadha oo kale e
In waraabihii marax ka helay, mahade haw sheego!

Colujoog midgaan buu noqdoo, male ku beenowye
Kolkaan moorradduuguu ilmada, maag u soo qubaye
Inuu maatadiisii u dawari, mahade haw sheego!

Maal waa la kala qaadi jiray, tan iyo manow ahaantiiye
Anigaba wax badan baa malyuun, layga meersadaye
Kanse inaan masaalkiis la arag, mahade haw sheego!

Inaan maalmo kala toocayoo, qumusku miiraayey
Oo maxashii loo yeelaayoo, maara laga waayey
Ay milic kaliileed tubnayd, mahade haw sheego!

Ninkii macatab loo xiray, ma helo medad Ilaahay e
Daraawiishi waa mira jannoo, loo muraad qumiye
Ninba xero muggeed inuu la tagay, mahade haw sheego!

Maylow inuu baarqabkii, dhebi ku miinshaartay
Oo sida maroodiga ilkaha, miriq ka siinaayey
Oo doob madaafiic ridi, mahade haw sheego!

Goolkii marmaarriyey inaan, mudanuhuu loogay
Oo aan mashiikhdiyo ardada, miidda ka hiraabshay
Ay duca san noo maamuleen, mahade haw sheego!

Nin makhaayad joogaaba waa, maanka laga qaadye
Awel hore inay maarsadaan, maara laga waaye
Inay haatan murankii dhigeen, mahade haw sheego!

Magallooti bay ii fileen, madhanayaashiiye
Ismalaakadeedkayga waa, lagu manhaadaaye
Majaxaabo kulul inaan la helay, mahade haw sheego!

Miciin baas ma joogeen hadday, naga mastuurtaane
Waxaa mowtigood galay markay, madaxa taageene
Inay haatan soo maadiyeen, mahade haw sheego!

Waa mooyaqooqaar waxay, nagu maleeyeene
Waxay moodayaan inaan nabsigu, Bogox u mooseyne
Inay balo ku mooraysan tahay, mahade haw sheego!

Gabaygaan wuxuu ka mid yahay gabayada hanaqaadka ah, waxaana ka qoray Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon sannadkii 1957kii

  1. Maarre: Waa buntukh sancada Faransiiska ah oo Daraawiishtu aad u haysatay.

Mawdku ka Adeegi

Gabayga Sayid Maxamad had iyo jeer wuxuu u badan yahay iyadoo ujeeddadu meel gaar ah tahay, haddana guud ahaan inuu meelo kalena mariyo. Gabaygan siduu u soo baxay waxay ahayd, xarunta oo Taleex deggan ayaa Abshir Dhoorre Xasan oo qusuusida ka mid ahaa, qabayna Cawralla Sayid Maxamad, Sayidkuna qabay walaashiis Xaadsan Dhoorre, iyo Nuur Cali Ibraahim oo isaguna qusuusida ka mid ahaa, Cambara Shiikh Cabdulle oo Sayid Maxamad walaashii ahaydna ay u dhaxday, ayaa waxaa dhex maray hadallo aflagaaddo ah iyo qardaafooyin, mid walba wuxuu islahaa xarunta adaa ka taliya, waxna laguma oron karo, hase yeeshee kolkii Sayidku dhawr goor yiri: “War hooy kala jooga,” lase maqli waayey, ayuu Sayidku gabay mariyey oo wuxuu yiri:

Xuseenoow macnaa gabay, adaan kuu miliilicaye
Inaan macallin kaa dhigay nafluu, maqal Insha Allaaye
Mooggana waxaan oran intuu, mowdku ka adeegi

Laba maqaddinoo madaxa oo, wada maqaawiira
Mar haddeeyan kala maarsanoo, kala maqaamaysan
Maamuladka reerkiyo qabkaa, mowdku ka adeegi!

Haddii madal la waco uunku waa, nin iyo maankiise
Ninba xaajo aan madarka qaban, meel iskala taagaye
Mid baa maaha oron oo runtaa, mowdku ka adeegi!

Haddii hadal la moogtamo xil waa, laga mastuurtaaye
Muddac iyo muddaacaleyhi waa, marin gobaabeed
Maahmaahda iyo baanahaa, mowdku ka adeegi!

Mustaqiinnimaa loo hadlaa, muranku waa ceebe
Nin waliba maroor iyo qas iyo, muran hadduu keeno
Goortii markhaantigu dhacaa, mowdku ka adeegi!

Musuqmaasuq Soomaali waa, meheraddeediiye
Hadba midab horley kuula iman, maalin daa’ima e
Malahmalahda iyo beenahaa, mowdku ka adeegi!

Masala gaab wadaadihii wuxuu, macaddiyeystaaba
Maddiiddaan akhriyayaa wuxuu malaf ku daaqaaba
Goortuu muluftiga weyn arkaa, mowdku ka adeegi!

Magaalada masruufkiyo dharkiyo, laga muraad qaadan
Mushmushaaxa iyo biicu waa, moodka soo degaye
Miyigaba markii laga xiraa, mowdku ka adeegi!

Waxa dunida maan tiray niman, maahna garanayne
Masxafkiyo quraankii haddii, lagaga maan waayey
Mashaayiikhda lala doodayaa, mowdku ka adeegi!

Mushtarka iyo baayacu wax bay, kala macmiishaane
Mafrish laguma rido xoolahaan, moosinka galahayne
Mufta hoosta laga iibin baa, mowdku ka adeegi!

Senge mayriqii iyo mudkiyo, muruqu weynaaday
Oo aan mirtiyo mayricii, moogna laga doodin
Magaan gaabshe goortuu noqdaa, mowdku ka adeegi!

Abeer maris leh oo aan murkaha, laga milaalaynin
Oo aan maqaarkiyo ilmaha, mohasha deynaynin
Maatada markii loo qalaa, mowdku ka adeegi!

Lo’du waxay maqaamaha gugii, madi ahaataaba
Waxa miidda siximeed qumbaha, laga milaalaaba
Markay miirta hore laasataa, mowdku ka adeegi!

Haddii arigu Garaadeen muf iyo, malafka daaqaayo
Manfac lagama waayeen hadduu, joogo magaygiiye
Meel kale markii loo raraa, mowdku ka adeegi!

Naaggaad makaawidday waxaad, yarad ka miistaaba
Waxaad meydab geel iyo fardiyo, mulug ka dhiibtaaba
Maamuus markii laga gafaa, mowdku ka adeegi!

Aar soo musuusucay hadduu, micida soofaysto
Miliqdii horeetaba haddii, midigta loo taago
Goortii warmaha lagu mirfaa, mowdku ka adeegi!

Gaannida malkada jiifsadee, micida leefaaya
Maal iyo dad ruux lihi wuxuu, muluq ka siiyaaba
Markii moolka webigii guraa, mowdku ka adeegi!

Maroodiga arba ah oo dagaal, caro miraadaaya
Dhirta wuxuu maroojoo jirdaha, kugu maguujaaba
Goortii mariid laga helaa, mowdku ka adeegi!

Murwo iyo wanaag iyo minqaax, maadsi iyo jaalis
Waxaa maxabba kuu qaba ninkaad, magac u yeeshaaye
Abaalkii ma gude loo galaa, mowdku ka adeegi!

Nin la maagayaan miro yaraan, lagu maagaynin
Haddaan laga macniyin jeer dambuu, mahadho geystaye
Maqaan xumada lagu raadin baa, mowdku ka adeegi!

Ninkii moosin kaa helay waxaad, daba miraaddaaba
Waxaad faraha maarkooda sare, mar u qaniintaaba
Goortii Ilaah kuu marshaa, mowdku ka adeegi!

Makal oodan buu geli ninkii, melegga raadshaaye
Ferenjiga mur ii yiri anaan. marana qaan haynin
Maarraha markaan ula tagaa, mowdku ka adeegi!

Masarreyda duubka lihi waa, manigi naareede
Mushaaharadey eedayaan, malafsigeediiye
Miirida markii lagu ridaa, mowdku ka adeegi!

Waxay ugu middiiddimahayaan, waa majuusinimo e
Ninna kuma muquunsheen hadday, maya yiraahdaane
Mutaacaabistiyo raaciddaa, mowdku ka adeegi!

Dadku moogsan geerida Jannoo, mowluhuu qoraye
Muslin hadday yihiin gaaladay, miri lahaayeene
Mudda weynta aakhiro taggaa, mowdku ka adeegi!

Mursalkii la soo dirayba waa, maakirahayaane
Waa maxay armaarka ugu marin, …
Muddaahanada lagu moosaayaa, mowdka ka adeegi!

Madaahibaha diinta ah ardada, laga madooheeye
Hadday Maxamed raacaan kufray, mudi lahaayeene
Masallaha la wada deexsadaa, mowdku ka adeegi!

Waxaan ka qoray Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon, sannadkii 1957kii.

Maryama Shiikh

Waxaa la yiri Maryama Shiikh oo Sayid Maxamad afadiisa ahayd ayaa mar si xun u bukootay. Sayidku aad buu uga tiiraanyooday jirradaas, maxaa yeelay waxay ahayd afo hore oo qaali ah oo guriga iyo reerkana ku wanaagsanayd, Daraawiish oo idilna waxtar ayey u lahayd. Dabadeed, Sayidku gabay uu Ilaahay ku baryaayo ayuu mariyey, wuxuuna yiri:

Allahayow macbuudow, adaan kuu miskiin ahaye
Muraadkii aan leeyahay, adaan ku miciinsadaaye
Allahayow Maryama1 noogu sahal, maalig baad tahaye

Muslin hooyadiisay ahayd, meeluu joogaba e
Kun lag oo muhaajiriina waa, ma hurihiisiiye
Eebbow Maryama noogu sahal, maalig baad tahaye

Martidiyo manqada reerka, iyo maatadiyo xaska
Inta mudanaha oo idil qoftaa, moosin u ahayde
Eebbow Maryama noogu sahal, maalig baad tahaye.

  1. Maryama: Maryan Shiikh, afadii hore ee Sayidka.

Koofil Walaashiis

Dagaalkii Ruugga ee Koofil lagu dilay markuu dhacay oo ay Daraawiishi ku lib heshay, ayaa Sayidku mariyey laba gabay, mid waa gabayga caanka ah ee Koofil loo mariyey, midna waa kan oo wuxuu u mariyey naag Koofil walaashiis ahayd, waana digasho.

Ujeeddadu waxay ahayd, markay Koofil walaashiis xiratay weer madow oo Ingiriisna ku tiri, “Col ha lay siiyo walaalkay anigaa u soo aargudaye.” Casayr Axmad o uu Sayidku ku hal qabsaday, wuxuu ahaa nin Darwiish ah oo u soo baxay inuu labada gabay qaado oo geeyo Berbera, taas waxay ka dambaysay markii Sayidku u ballan qaaday inuu siiyo faras iyo gabadh iyo geel badan, wuxuuna Sayidku yiri:

Casayrow1 adaa muudayoo, meel xilluu kiciye
Adigaa magaalooyinkii mari, ishaaleeye
Warka lagama maarmee haddii, madal laguu yeesho

Mid yar baan ku sii farayaaye, minka ka higgaadi
Inkastay majaha kaa xiraan, muuji hadalkayga
Gabaygaa ha lagu maadsadee, uunka maqashiiya

Waa mahad Ilaah haddii, Koofil mowd yahaye
Ingiriisba meeshii ka maray, maara waayuhuye
Maantana midkii soo baxaa, mowtigiis galay dheh

Midgaantii walaashiis ahayd, waatan murugoone
Intay calal madow qaadatay, oohin mirataa dheh
Waa wax maanka laga dhoofiyee, ha iska mowlayso.

Waxaan ka qoray Abokor Seed, waxaana isku mar la mariyey gabayga 22aad. Lix tuduc oo laga saaray ayaa gabayga ka maqan.

  1. Casayr: Casayr Axmad Cigaal.

Waa Niman

Waxaan muran ka joogin in rag haddii colaadi dhex marto oo ay colaaddaasi hanaqaad noqoto, caaqibo iyo tolnimana ay ku kala tagaan, inay af iyo yed – mid kastaba ha ahaatee, nin waliba wuxuu ku ciil beeli karo uu ku kaco. Arrintaa waxaa marag u ah hadal nin abwaan ihi horay u u u yiri, kaasoo ahaa:

Rag haddaad colaad leedihiin, ciidanse u weydo
Hadba waxaad ku ciil bixi kartaa, kuu cawo adduuna e!

Daraawiishi markay dad oo dhan colloobeen oo ay dagaal ugu jilib dhigeen, waxaa u dheeraa hanjabaad, gooddi, faan iyo cay joogto ah.

Haddaba isagoo Boqor Cismaan iyo raggiisii oo ay colaad xumi ka dhexaysay wax ka sheegaya ayuu Sayidku gabay mariyey oo yiri:

Bah dir inay majnuun wada tahaan, marag u haystaaye
Waa niman masakhanaan ahayn, midhaha Daaroode
Waa niman sidii Moolaadhabe, miciya dhaadheere

Waa niman maddada oo cir weyn, oo masiiba ahe
Waa niman haddii milida geel, loo maddabaqeeyo
Waa niman fardaha muruxsadaan, muruqna reebayne

Waa niman haddaad min u furtoo, malab durduusiiso
Ama aad maqaarrayda geel, xero u maageerto
Waa niman inay mahad naqaan, laga malaynayne

Cir milshiyay dhulkoo malaf ka baxay, maalka oo dararay
Waa niman martidu ayan tegin, madal ay joogaane
Waa niman inay baxshaan, looga muhanayne

Waa niman haddaad gabadh markaba, maqaasiinku geyso
Wuxuu fiidka hore mayracoo, marakabeeyaaye
Waa niman masaladood jabtoo, hooyadeed mira e

Waa niman miscilisha ugu jira, sina u meerkeede
Waa candhada laga maraa, milil ha dhiiqeene
Waa niman marruubada la’oo, minadu dhaaftaave

Waa niman sidii mowle bahal, laga mareertaaye
Waa niman marraag lagu dabraa, sida maliid awre
Waa niman madhuushoodu tahay, mooye qaab darane

Waa niman margign siiban yahay, iyo mataanuuye
Waa niman sharciga mililigayee, faalka maakubaye
Waa niman macaankii jannada, meelaan ku lahayne

Waa niman futadu maas tahoo, duud maloonga ahe
Waa niman miskaha lagala dhacay, qaara madax weyne
Waa niman manjuhu ay yihiin, miiqan taag darane

Gabayga hallagu maadsadee, mariya oo geeya
Markab nagaga sii qaada oo, meel walba u dhoofsha
Nimankii makhaayadaa fadhiyay, naga mihiibsiiya!

Waxaan ka qoray Shiikh Muuse Axmed.

Xirsiyow Naaqusnimo

Gabayganu wuxuu ka mid yahay gabayadii badnaa ee laga mariyey geelii Daboolane. Niman ergo ah oo geela daba socda, madaxna uu u yahay Xirsi Kooshin, waraaqna ka sida Ingiriiska iyo nimankii geela lahaa oo wada jir ugu soo dhiibay, ayaa xarunta yimid, wax badan bay ku doodeen in geela looo celiyo/ Hase ahaatee, taa Sayidku waa diiday. Gabaygan waa go’aankii geel ugu dambeeyay oo uu diiddana ku caddeystay. Xujo wuxuu uga dhigay, inay dadkaasu gaala-raac noqdeen, wuxuuna yiri:

Xirsow1 naaqusnimo waa waxaad, niiq la leedahaye
Naxar lagu shid waa jaahil iyo, nararacdiisiiye
Noy baad tihiin aan qalbiga, nuurka loo geline

Naasilo xun baa lagu yaqaan, nimanka Iiddooree
Wax ka niiqsan toban jeer kuwii, naaqurka lahaaye
Nasab haddaad tihiin gaaladaad, nici lahaydeene

Naxli baad ka dhigateen, halkaan narriga lahaaye
Nasteexadu waxay idinla tahay, naafacaan jirine
Ka nacawdu shaydaamadaad, nacam tiraahdeene

Naar-quutayaal iyo kufraad, Nebiyo mooddeene
Naarta waxaa idinku guri, nibirayaashiiye
Nasaarada waxaw taabacdeen, waa najuusnimo e

Naagow tihiin ferenjigii, noloshka dheeraaye
Nacalluhu kuwuu fuulay baad, daba nushlaysaane
Naamuuskiin wuxuu jabay markaad, nacabka raacdeene

Nacastooyo waataad dorraad, igula niiqdeene
Waxay naafay waa adinkiyo, nabarradiina e
Nafta igama goyseen haddaad, iga naxaysaane

Nasrigaan ku cayntaye tolnimo, iguma noolayne
Naxariista Eebbaan ku belay, naallo iyo khayre
Nabsaa idinka soo riday xaqaad, nugux ka siiseene

Geelaan naawilaayee sidii, naqa u eegaayey
Aan naalladuu diraye markaad, bogox ku nowsiisay
Oo aan nayaayiray markay, noobir soo hoyatay

Anigaba wax badan baad nurli’i, igu nacdiirteene
Wax badan baad nicmada Eebbehay, ila necbaateene
Wax badan baad nijaasiyo darxumo, igu nadiirteene

Naanaa weeye maantaad wanaag, iga niyeysaane
Nasteexiyo heshiis iyo horaad, nabad u diiddeene
Sidow soo naqaa hadal xun, baad igu nabaysaane!

Gabaygan waa gabayadii Siciid Maydh qoray muddo fog intay Daraawiishi dhaqnayd, Cabdullaahi Qarshe ayaa keenay 1957kii.

  1. Xirsi: Xirsi Kooshin ama Xirsi Axmed Amaan.

Haddaan Waayey

Sidaan meelo badan ku aragnay ama ku arki doonno, waxaa jira gabayo badan oo Sayidku mariyey oo dhowr tuduc laga helay oo meel laga doono ama laga haybiyana la waayey. Inta laga hayo qaarkood waxay ku tusayaan in ay qaayo lahaayeen. Gabaygan soo socda ayaa ka mid ah kuwa lumay, wuxuuna Sayidku yiri:

Haddaan waayay calan lay nashiro, tan iyo Nayroobi
Miyaan waayay naamuus janniyo, daalac iyo naasil
Haddaan waayay Ciiddoo1, naqliga inaan Nugaal daaqo
Miyaan waayay neefaan xarbada, naallo ugu fuulo
Haddaan waayo ruux iga naxoo, ii nasabad sheegta
Miyaan waayay naxariis Alliyo, Nebiga jaahiisii…

  1. Ciid: Waa dhulka ciidda guduudan ee oomanaha u badan.

Walhad

Marar badan ayeynu ku celcelinnay inay Daraawiish farduhu u ahaayeen lafdhabarta dagaalka, qiima badan iyo qaaya weyna agtooda ku lahaayeen. Runtu waxay ahayd Daraawiish ninkaan faras lahayni nin tirsan ma ahayn. Abokor Seed oo Darwiish la hubo ahi wuxuu sheegay in geelii Daboolane la baxay maalintii xarunta la keenay, “Anigoo ka mid ahaa raggii geela soo qaaday ayaa Sayidka loo heenseeyey faraskii la oron jiray Walhad oo fardaha wacan ee Daraawiisheed ka mid ahaa.” Haddaba Sayidku isagoo ku jooga faraskaa, geeliina uu tuban yahay, iskana dhigaya nin geela wax ka soo qaaday ayuu geeraar mariyay oo wuxuu yiri:

Col haddii la wacaayo, lugi waa wantacow e
Walhadow1 guraddiisa, waalluu ii goglaxaaye
ma naagtay wacan baa!
Sibraar caanaha Weeto, wabax looga dhergaayo
Koorihii wesherraa iyo, sitaacuu walcinaayiyo
Wiyilkii shalqanaa iyo, waafeeroow nadigii iyo
Warmahayga kan dheer iyo, waaxidkeyga hadlaaya
Intaasuu wadwadaayo, waraarkuu ku sitaayoo
Arba waalan sidiisa, wagwag buu socdaaye
Wahsi loogama yaabee, wal cafaari miyaa!

Haddii waaga la fuulo, wanahaarka boqoole
Wahdi weeye qabow e, walwal layra miyaa!

Haddaan guuro wadiidno, waliilkii dhaxantii iyo
Wahab kuu celiyaye, ma dhar laygu waraa!

Wiido meelay ka fooftay, haddii weerar la tooxo
Wagan buu ka baxaaye, ma wajaaf la ridaa!

Wax hadduu qabsanaayo, jeenyuhuu warwaraaye
Wax ku haabadka qoobka, ma aar soo wahwahaa!

Meel walaabiyo qaad iyo, rasaas laysku wirfaayuu
Ka waldhaaban hayaaye, ma wakiila Allaa!

Haddaan weecsho rogaalka, wiliftuu rogmanaayo
Warfiskuu ambanaayo, ma wiriila didaa!

Nin weyn buu waddaraayoo, geesi buu wafjaraaye
Waaleeyuu dhacsadaaye, wed miyaa kululaa!

Geela weeta irmaan iyo, weristii nimanayd iyo
Wadaal buu eryadaaye, wabar xoogle miyaa!

Meel waaceen laga waayoo, dadku gaajo la wiiqmuu
Webxiyaa dhergiyaaye, ma wajiina da’aa!

Afartii waryabaad iyo, waqiil laysku gargaariyo
Waxtar baan ku qabaaye, weli kheyrle miyaa!

Walax duunyo ka roonoo, waalid layga abuuriyo
Walaal baan ka dhigtaaye, ma wasiila jannaa!

Wayadaan arki waayoo, walbahaarka adduun iyo
Welwel baan u dhintaye, wadnahayga miyaa!

Diraacaa wacdigooda, wanan baan u qalaayoo
Walanqaan u jaraaye, ma wadaad martiyaa!

Waldhacooyinka hoosiyo, waraqiisa sudeenkiyo
Wajigaan u subkaaye, ma wiilaan dhalaa!

Weligay kama maarmoo, wariirtii aqalkaygiyo
Waageerkuu ku jiraaye, ma wasiir gacal baa!

Dushu waa wanqaraar oo, waa walaayad qurxoonoo
Wasakh loogama yaabe, ma xariir wirqan baa!

Afartuu ku wilgaaftiyo, waqaafaa shullihiisiyo
Waaxyihiisa garaantaa, ma shiikh weesa qabaa!

Walwallaynta raqlaynta, laafyuhuu walqiyaayo
Iswaraari ruxiisu, ma wallays kibray baa.

Afku waa waradh jeexanoo, biro laysku wakaabaa
Walam loogu ridaaye, walaaxowli miyaa!

Aragguu wax ku dhowro, wiriqdiisii bu’diisiyo
Indhuhuu ka wacsiiyo, Ma hillaac walaclaa!

Shimbiraa wiriftoodiyo, walax meel ka dhaqaaqday
Wirwiir buu ku arkaaye, ma damuumiswalaa!

Waawarayda dhawaaqa, haddii uu wax dareemo
Dhegihiisa waryoonsan, wardhegeysi miyaa!

Meelaan wuu lala gaarin, haddii wiiris ka yeero
Waqti buu maqlaaye, ma taar baa weddannaa!

Wafka uu lalminaayo, dabaduu walfinaayo
Wisil barka ku yaal iyo, waras nooci miyaa!

Qoortu waa xusul waara, walcaan weeye fankiisu
Dushu waaleed bannaan iyo, welga xaadhan miyaa!

Haddaan kaarka ku waabsho, wanshax loogama yaabo
Wajaq waa isxiraaye, wanfariiri miyaa!

Wanqaarkuu handafaayo, weyla raadis galbeed iyo
Wiligluu u socdaaye, ma waayeel culus baa!

Hadduu soo wafwafleeyo, wabwabtuu gurdamaayoo
Onkod waadi ka yeeriyo, cir wanaanyi miyaa!

Haddii aan wagdigiisa, weydaar xoogle ku dhaado
Waantis buu u socdaaye, naafo waarrin miyaa!

Wadda jiidka socdaalka, dib ii weyricin maayee
Weylaweyla maaltamayaayee, waa kaney ma jinnaa!

Wijiwaaji qalaad iyo, waaleed Eebbe ballaarshuu
Soo waraariciyaayee, ma dabeyl wahad baa!

Hadduu wayraq ku raago, ma weydoobo jirkiisu
Webin meyso naftiisuye, qani waasac miyaa!

Hadduu weerar ku raago, walas dhoobo madow iyo
Watabiirka ma qaatee, warac caaggan miyaa!

Wiyeerkuu ka cabbaayo, waabka uu harsanaayo
Shirku wow waddamaaye, waalli duuban miyaa!

Wanaajoo iska dhaafaye, ammaantiisu wujuubiyo
Witirkii ratibnaa iyo, werdigeyga miyaa!

Waxaan ka qoray Xaaji Axmed Aaden Surgo, sannadkii 1956kii.

  1. Walhad: Waa faras Sayidku lahaa oo dhashii Isxal ahaa.

Waxaad Tiraa Weeye

Koox Daraawiish ah ayaa mar loo diray ilaalo. Habeenkii damb ayay degmo ku taal Saraajiidan ku soo hoydeen. Ammin dadku haasaawayo ayaa nin wadaada oo la oron jiray Aw-Cabdi Walabban wuxuu yiri: “Wagar! War armaad Daraawiish tihiin.” Nimankii markay xaruntii dib ugu noqdeen oo la wareystay ayay sheegeen hadalkaas. Dabadeed, Sayidku wuxuu mariyey gabay uu ugu magac daray, Ina-Walabban, wuxuuna yiri:

Xuseenow warbaan kuu hayaa, waxaa tiraa weeye
Walaaloow wacdiga la ina faray, wanaag weeye
Waanadii astaadkeennu yiri, weer aan rabo weey e

Walbahaarka aakhiro inaan, wax u tabcaa weeye
Wax sanoo aan dooni iyo, inaan wax xun nacaa weeye
Wabannimo ma fiicnee inaan, wax xun nacaa weeye

Diintaan wadeecada ka dhigay, inaan wallayn weeye
Wahsi baa naftii iga jaree, inaan warfaa weeye
Wiilnimo wixii igaga tegey, waha sideed weeye

Wardigiyo shahaadada inaan, weheshadaa weeye
Weysada salaadeed inaan, waaxidsadaa weeye
Waannahaarka soon inaanan, soor waana cunin weeye

Waxaddayda maal inaanan dago, waxtar ku deyn weeye
Wixii waajiboo idil inaan, wada gutaa weeye
Waqfiqii saxaabaha inaan, waafaqsado weeye

Waayeelka xaajada inaan, ugu wacaa weeye
Haddii ay walaacaan inaan, wari iraa weeye
Xaqa lagama waabtee inaan, waa kan oron weeye

Wacad Eebbe iyo dhaaraan maray, inaan wafeyn weeye
Walle beena abidkay inaanan, wafaladeyn weeye
Haddii aanan waallayn inaan, waabsahay weeye

Wallays iyo nin wayn inaan, xurmada wada simaa weeye
Nin isoo wiciidsaday inaan, wax u galaa weeye
Wayi iyo wax sii inaan islaan, wax ugu wadaa weeye

Wadaadkii kitaabbale inaan, wan u qalaa weeye
Walaanqihiyo dheyada inuu, walafsadaa weeye
Weylaalis meel wacan inaan, ugu wadha weeye

Ina-Walabban1 oo kale inaan, weger dhahaa weeye
Wax i sii haddu yadhi inaan, walacsadaa weeye
Walasaqo wixii igula jira, inaan wireyn weeye

Ina-Shixirigii wagarsanaa, weled nijaas weeye
Warraabkii ka reysaha xumaa, waraq la goo weeye
Warqadduu magaalada u diray, talo wahaab weeye

Iiddoorku weligiis inuu, wadal ahaa weeye
Walandaadi kheyr daran, inay wax u yihiin weeye
Wax inuusan garanayninoo, waalan yahay weeye

Wardigiyo shareecada inay, wada naceen weeye
Nin jihaad u weyraxay inay, wahan geshaan weeye
Sidii fule wadnihii go’ay, inay waranwaryeyn weeye

Weliyada shehiidkaa kuwii, waafka jarayi weeye
Waleecaad ha raacee Ibleys, warasadii weeye
Waqood abadankood inay kufriga, daba washlayn weeye

Usaguna walaabuu helayaa inuu, wasaa weeye
Weligood jannada inaan yibruhu, waana urin weeye
Waddada naarta loo maro inay, walashtamaan weeye

Raggii dunida waaqeelin jiray, igu waliil weeye
Sidii wabarradii loo ajalay, oh iyo way weeye
Inuu caro wiriirkeed qalbigu, ii welweli weeye

Wed hadduusan ii immaan inaan, wax u liilleyn weeye
Wasiirtii xigaalkay inaan, wadar u layn weeye
Weysaaq eolaadeed inaan, Webi tagaa weeye

Ninkaan ila wisiisiyin Ilaah, welef u keen weeye
Wecelkaas cadaabeed inuu, weera yahay weeye
Anna inaanan weligay Canjeel, wadeecadayn weeye

Ninkii gaal u waasiya inaan, wabadaraa weeye
Warammadiyo hootada inaan, kaga websin weeye
Sidii weer wadaal helay inaan, wiif ka dhigo weeye

Waraabaha dugaagihi inuu, wabaxsadaa weeye
Goortuu wiriijiyo inuu, waada guuro weeye
Wayaaggii ka soo hadhay inuu, haad waywayo weeye

Wanaskii Galbeed jaray inaan, weer u xiran weeye
Wejigoodu gubegaas inaan, col u waddeyn weeye
Sangootiga wacdowga inaan, wegaradeyn weeye

Wareegada inaan qalahayoo, weerar ahay weeye
Winifiirle reer Hagar inaan, wagac ku siin weeye
Hadday soo wiriiryaan inaan, wirif ka siin weeye

Baqahay wajiiraan inaan, walamsadaa weeye
Walkadaadka aan bado inay, walashtamaan weeye
Wasiirkooda cayreed inuu, Webi tagaa weeye

Aniguna watiinkiyo xamdiga, inaan naqaa weeye
Aniguna watiinkiyo xamdiga, inaan naqaa weeye
Aniguna watiinkiyo xamdiga, inaan naqaa weeye.

Waxaan ka qoray naxariis Eebbe ha gaartee Jaamac Ismaaciil Dhoon sannadkii 1957kii

  1. Ina-Walabban: Aw-Cabdi Walabban.

Suldaan Faarax

Xirribta iyo xeeladda Daraawiishtu waxay ahayd mid ku dhisan ninkii ujeeddadoodu la socoto in la dhaweeyo oo waxna la taro, garab iyo gaashaanna loo noqdo, ninkii ujeeddadooda ka dhan ahna in la caayo, la cambaareeyo oo lala colloobo. Taasi wax lala yaabo oo lagu diimo ma aha, maxaa wacay waa taliska alabkiisa iyo caadadiisa.

Gabayga soo socda Sayidku boqor Cismaan ayuu ku caayay, Suldaan Faaraxna waa ku ammaanay, mid walibana wuxuu ahaa nin madaxa. Inkastoo aannu 12 tuduc oo caydu aad u foolxumeyd ka saarnay, haddana Sayidku wuxuu yiri:

Suldaan Faaraxoow1 laga wareer, wecel Cismaanow e
Dunida weerar buu gashoo waalay, reer Bariye
Khalqiguu waddarey waa kan yimi, waadi xalimeede

Waxaddooda caydhuu ka dhigay, waa tan walashlayne
Oo ay waddada soo hayaan, waa beryiyo fiide
Wiriirkaa baxaaya dugaag, webaxsan weeyaane

Adse weled xalaalaad tihiyo, waalid kheyr qaba e
Weedhii astaadkiyo ku gale, waanaduu yiriye
Adiyo wiilashaadaba janniyo, waasac bow qorane

Wahsiga iska daayoo ku qayb, waxa lagaa dooni
Walaalkaana iga yeelo oo, weyrax hay gelinnin
Diintana wadeexada ka dhowr, Waaxid baa jira e.

Waxaan ka qoray cajalada laga duubay Shiikhdoon sannadkii 1960kii.

  1. Suldaan Faarax: Suldaan Faarax Islaan Aaden.

Diintaan Wadeeca Uga Dhigi

Sayidku saddex hal ayuu caado u lahaa, waa midee haddii gaalku nin wax siiyo inuu caayo, ninkuu isagu wax siiyana ammaano oo weliba u dheereeyo, si waxaa gaalku bixinayo u qiimo beelaan. Tan labaad dadkuu wax siinaayo si la yaab leh buu wax u siin jiray, waano iyo ammaanna waa ugu dari jiray, haddiise abaalgud laga waayo iyo sidii laga doonaayey wuxuu oron jiray, wuxuu horay u lahaa iyo wixii la siiyay intaba waa in laga soo dhacaa. Tan saddexaad Sayidku dadkuu doonaayo inuu xiriir la yeesho waa la xididi jiray – si laysu dhex galo, jeerkaana guurku xurmo iyo xishood badan buu lahaa, waa laysku soo dhaweyn jiray layskuna dhowri jiray.

Sayid Maxamed wuxuu ahaa deeqsi aan tashiil lahayn, geesi aan gabbasho aqoon, afmaal aan halmaan lahayn. Haddaba, gabaygan wuxuu mariyey usagoo niman xarunta yimid geel u qeybinaaya, boqol-boqolna u siinaaya, wuxuuna Sayidku yiri:

Haddaan oday wargaafaa noqdiyo, aniga oo wiila
Mar haddaanan waayeyn ma jiro, nimaan ka waabshaaye
Inaan wiido geel bixiyo, waa waajib ii dhacaye

Walbahaari maayoo Rabbaa, ii wakiila ahe
Haddii aanan wax bixineyn, qalbigu iima waasaca e
Diintaan wareego uga dhigi, waxadda xoolaade

Wadnahaan ku kala goynayaa, gaalka waafka lehe
Wadeeca Alle baan ugu daraa, weled islaameede
Wax walba waw huraayaa ninkii, ii walaal noqone

Wayl iyo wax siin wowgu wadi, waaberyiyo fiide
Wallaahiye weliidkay kalgacal, kalama weecdeene
Warsangeli sidiisaan u geli, waqay abidkeey e

Usaguba wanaag buu ka helay, wuxuun la’aantiiye
Hadduu shalay na weeraro, tolnimo lama wadaagneene
Wejigaba ma siiyeen sidii, wacal Majeerteene

Iyagaba wax badan baan u weday, qaalmo walacleyne
Waayaan dhirta u waabayoo, waaliduu sidaye
Oo uu waraabuhu lahaa, waali baad tahaye

Wacadkii haddii ayan furin, wadhi ma raacdeene
Waafeerka loolama dhaceen, weyrax iyo ciile
Waliidkood la naar kama jarreen, walanqahoodiiye

Awel buu wahaabi u dhashiyo, weled nijaaseede
Anna waalli bay ii ahayd, waanadaan iriye
Allaylahay sidii reer wax helay, wiif ha laga siiyo

Hana wareegto caydhoodu waa, walashlahoodiiye
Iyagaa waleecaad dhigaye, wiida ha hayeene
Kugu walacna dhaha reer Barow, Weris karuurkeeda.

Waxaan ka qoray Alla ha u naxariistee Ciise Faarax 1956kii.

Xasanow Hub Qaadday

Waxaa la wariyey in dhowr nin oo degmada Abraahiin ka tirsan, xarunta oo Taleex ah, ay yimaadeen iyagoo ka soo kacay Harradoollood, haddii la wareystay waxay u socdeenna la weydiiyey, waxay ku warrameen sahan baannu ahayn waxaannu doonaynaa cidahayagii oo go’doon ah, afarta dab ee baxaya midkood inaannu ugu arrimino, kuwaasoo kala ah: Rayid oo dadkii Ingiriiska ku hoos noolaa ah, Dhabacayo oo dadkii Hobyo degganaa ah ee Suldaan Cali Yuusufna u telinaayey, Huwan oo dadkii Xabashida raacsanaa ahaa iyo Daraawiish. Hadalkaas Sayid Maxamed il-xirribeed baa uga muuqatay, Daraawiishina rag bay u baahan tahay. Dabadeed waxaa la gartay in lagu dedaalo nimankaas sidii loo soo dhaweyn lahaa, oo Daraawiish ay ugu soo biiraan, xoolo iyo xarragana loo siiyo, lana raaciyo Darwiish la oron jiray, Xasan Gaaruuf Qaloonbi Cabdi, oo reerkoodu xarunta degganaa nimankana ay isku hayb ahaayeen. Danta loo diray waxay ahayd inuu degmada Abraahiin soo dabbaalo si ay Daraawiish ugu soo guuraan oo ay garab iyo gaashaan ugu noqdaan. Waxaa jiray in Abraahiin iyo degmooyinka ay deriska yihiin ay colaad guun ahi ka dhexeysay. Markii nimankii la ambabixiyey ee wixii loogu tala galayna la siiyey, ayaa Xasan Gaaruuf oo la raaciyey lala ballamay, gabay caan noqdayna loogu sii dhiibay Abraahiin, wuxuuna Sayidku yiri:

Xasanow1 hub qaaddaye haddaad, nagu hagaageyso
Hiyigaad ka sara joogsatoo, hiratay laabtiiye
Haddaad hiirta waaberi sengaha, halabsatoo fuusho

Habaas idinku duula iyo boor, hiriba mooyaane
Hilinkaad ku dhici waa midaan, lagu habaabeyne
Waa tuu haloosiga ahaa, tan iyo Hiiraane2

Ha yeeshee wax Hawd lagu ogaa, hawkar iyo oone
Hadda aynu joognaana waa, hoga kaliileede
Allii harada noo buuxin jiray, kuma harraadsiiyo

Hini awdan xagar huuraloo, hirif ka soo duuli
Hunguriyo kuleylkoo sidii, halac ku leefaaya
Hagoog layra harac kaa astura, lagugu hoosaasi

Hungun gocandho hiil qodax le iyo, hiije iyo qaarre
Hurmood gubad leh dogob huuraaloo, hadowgu naafteeyay
Hirigtaad maraysiyo jirduhu, kuma halaakeeyo

Wiyil hagaf leh aar soo handadi, hiije qabe reemi
Hirdi madax hankoobsiga, ciddida mici haleelaysa
Hurdub geri harrartida lugeed, qalanje heeraaya

Hunufaa dhurwaa iyo dugaag, so’ u halaaqaaya
Shabeel horora haariban dawoco, haramcad guuxaaya
Dhidar halowyaale weer, haalufada yey ah

Bahal hoose halaq baas intii. had iyo waabay leh
Haaweyda meertiyo colkiyo, haayirkiyo tuugga
Galow hiririfleeyiyo jugley, wadana hawhaw leh
Weliyada hanoonaan beryiyo, hodonka Yaasiine
Habeebaha jiidaasha iyo daal, hanaqyadii doga
Habeen iyo dharaar Eebbehay, hadimo kaa baaji

Hor iyo gees hareer iyo gadaal, hadal nahaadiino
Hoygaagu heerar Watiin, hoyasha Liilaafa
Hayaakiil ducaan kuu akhriyee, hibada aaminso

Afartaasu waa heega roob, hababacdiisiiye
Sidii hogol daruur hiifa baan, hibitiqayaaye
Harawaatigii igama imaan. hoorista ahaaye

Waxaan sana hamuuraba adaan. kuu hawalayaaye
Haddaad kugu hanqaro mowjadaad, ku hufan doontaaye
Hillaacaa indhaha kaala tegi, halalacdiisiiye

Hunguriga iyo hoygaa qalbigu, kaa hadfahayaaye
Hawadaa waxay kula ahaan, hirar madow weyne
Hinfirka iga soo bixi naflaad, kala harbeysaane

Heli meysid gabaygaan hayiyo, hooyo-waalaha e
Xuseen baan haguug ugu dhintiyo, hokh iyo laandeyre
Isaguba higgaaddaan u qoray, heli oqoon waaye

Hal yar iiga gee reer tolkaa, hagidii aad gaadho
Hebelkii waleetana u sheeg, hagari waa ceebe
Haweenkiyo dhallaankiyo nin weyn, harawaduu naadi

Abraahiinku haybtaannu nahay, wuusan hadihayne
Waa wada qaraabiyo hilbiyo, habar wadaaggay e
Jinnaa igu hudbaaye mala, ima halleeyeene

Hannaankiyo wanaagaan u galay, haaku oron waaye
Hafriin ceeba igu hab daran, iguma hoorsheene
Goortay habluhu boodayaan, iguma heeseene

Hidaayada ma diideen intay, Nebiga hiifaane
Uma hiliiliyeen gaaladaan, heerga ahayne
Haawiyada naareed jannada, kagama hoobteene

Iima soo humeen guutadii, haayirka ahayde
Goortaan hamboorriyo kufrigu, iguma hiileene
Harti iguma toogteen intuu, hiisha ii galo e

Habar Yoonis iyo Ciidagale, lama hableeyeene
Hiraab naaga kama guursadeen, Habar Magaadley e
lntay hii yiraahdaan af baas, kuma hadaaqeene

Herer3 kuma fureen reer intay, Haro4 ka guuraane
Hii kuma yiraahdeen ratiga, hiisihii gubane
Hindigii Berbera joogi jiray, hil uma qaadeene

Heeryada xammaalka ah garbaha, ma ayan hoosheene
Ninkii halala beesa ah tabcaday, ma hunguriyeeyeene
Ma hadaaduyeen wiilashii, heelka buuxsadaye

Halqigii arlaa’iga fadhiyey, ma hargawaaxeene
Hayaag iyo hulga iyo khaalidyadu, kuma hinaaseene
Sidii hadal ugaaroo fakaday, lama horeeyeene

Haaruun ma layeen raggii, ugu hanweynaaye
Waataa waraabuhu hanqaday, hanaddadoodiiye
Horintii lahayd Faaqid bay, haniyo gooyeene

Hindisa aan jirin waa wixii, hoday Makaahiile
Hoog wuxuu ku dhacay maalintuu, huray Daraawiishe
Haddii ayan haad fereenji noqon, lama halaajeene

Hoor wuxuu i soo dhacay, markaan helay warkoodiiye
Hilaa boodayey ma aanan jeclayn, hadalka qaarkiise
Waxaan la hammiyaayaa raggey, hadur ka yeelene

Hanti baannu diinka u lahayn, tan iyo Haabiile
Hoodaha karaamada Allaan, igu hungoyne
Goortaan habaaraan Ilaah, heeray boqontiiye

Culumada habbowgaa sidii, haatuf uga jeesta
Sharcigay hasaayaane, yey idiin habowsiine
Sheydaanka soo wada humbucan, nadi ku haylhayla

Haadaan waxa idinku guray, had iyo tuurtuure
Haghag iyo qallayf miiran, waa lagu habuudaaye
Hawd iyo inkaar waa waxaad, hore u eeddeene

Ka hakada habkiinnii shalaad, ka hawa raacdeene
Hubsadaay tashiga kheyrka waad. ka hanfariirtaane
Halmaan iyo ninkii hadur yaqaan, honono’iis diida

Cadaawuhu hilaaboyga waa, kugu hodaayaaye
Hidyuu uga dan leeyahay, markuu kuu halaahaliye
Hoygiinna yuu iman ibleys, idin huduudaaye

Hannadyahow Ogaadeenku waa, ku hawiraayaaye
Isagoo hog kuu qodahayuu, kuu hawaaltamiye
Inay haybad kula doonaayaan, kuma hambaastaane

Anigaa idiin huba waxaad, ku himbilyootaane
Kuman heegma kuman haawiyoo, hadi ka dooyeeya
Kumanyaal hanqaaraha kabtiga, samada heehaaba

Kun halloosi kuman hayrafoo, dabada hoogaansha
Kun halqooqa wada taagayoo, haadda la cayaara
Heensaan idiin saarayaa, xamarro heeg dheeree

Horweynaan ku soo shubi xeryaa, haawadee ma dhane
Caanaha haleeladaa dhashaa, habacsan doontaane
Haamaha karuurkaa sidii, heeshiguu dhiciye

Nin ragaa hammlye caalle waa, hogashadiisiiye
Hiirtaanyo meeshii leh waa, laga huleelaaye
Waa lagu hirtaa meel haddii, halabe kuu yaale

Hub iyo maal hanti iyo xoolo iyo, hoo aan dami haynin
Waxaad iga haweysaanba waad, iga heleysaane
Soo heldhowdaay deeq Allaad, ka hirqan doontaane.

Waxaan ka qoray Maxamad Cilmi-tuug sannadkii 1955kii.

  1. Xasan: Xasan Gaaruf Qaloombi.
  2. Hiiraan: Waadi ceelal badan, Beledweyne ayuu waqooyi ka xigaa, Hilakeylyana webi Shabeelle ayuu kaga daraa.
  3. Herer: a) Waxaa loo yiqiin Hargeysa inteysan magaalo noqon. b) Adarina Herer waa loo yiqiin.
  4. Haro: Haradigeed, Haradoollood, Haraxagarrey, Harafaataneed, iyo Harahabaskuul.

Haasaawe Layskuma Xanto

Col Daraawiish ah ayaa Ilig ka soo duulay oo waxay galeen taliskii Hobyo ee Yuusuf Maxamuud (Keenadiid) madaxda ka ahaa. Dagaal badan baa wuxuu ku dhex maray ceelka la yiraahdo Ina-Diinle dabadeedna Daraawiishi rag badan bay laysay, geel waxay lahaayeenna waa taabeen oo gacantay kaga dhigeen. Sayid Maxamed usagoo libtii ay Daraawiishi soo hoysay tilmaamaya, raggii ay dagaalka la galeenna ku diganaya wuxuu yiri:

Col humaysan hiirtii haddaan, Ilig ka heensannay
Sengayaashii haadkaa haddaan, halabsannee fuulnay
Ammaanduule haybale haddaan, boqol nin haw saaray

Malaggaan habaabayn haddii, nala hor qaadsiiyey
Kuwii loo hamuun qabay haddaan, uga hagaag yeelay
Hiidda Golol Hobyiyo Gaalkacayaan, heegankii tubaye

Haddaan heel baanan ugu arrumay, halab dagaalkeeda
Hikta sumaea maarraha hanqara, hungunka baaruudda
Takarkii1 habeerka u ekaa, haatuf uga roorye

Ha yeeshee hubkana waa ka siday, hanaddadiisiiye
Hilbahoodu waatuu tukuhu, haystey bahalkiiye
Hawo badane reer Mahad haddaan, hooyadiis kudinnay

Intaan wada hoggaan baray Midgaha, hilin ma qaadsiiyey
Haasaawe layskuma xantiyo, habar duleedkeede
Haadaa-qabiil nimaan ahayn, hadalkii waa beene

Askartii hareeddada xumayd, ways hundo ogayne
Heeraaga goortaan wadnaha, hubuq ku siinaayey
Hooghoognay! waatay lahayd, sida haweeneede

Rag hadday hinaasiyo col iyo, hiinyo kala gaarto
Ama heerigaas talada guud, kaga heshiin waayo
Inkastoo hurduba laysku wado, haayir iyo gaadmo

Halo buubsashiyo tuugo waa, ka humbullaataaye
Inay had iyo geeriyi ka dhici, hubantii weeyaane
Waxay hibadu raacdaa ninkii, hiil Ilaah qaba e
Haakaale Eebbow ninkii, libin hoyaadshaa leh!

Waxaan ka qoray Nuur Boqor Cismaan 1974kii.

  1. Takar Jaamac Warsame.

Midabkiisu Halyey

Daraawiish iyo dad oo dhami wuxuu isku raacay in Sayid Maxamed uu fardaha ammaantooda ku tilmaamay kow iyo labaatanka xaraf ee af Soomaalidu ku gabaydo. Nasiibdarro geeraarrada inyar mooyee intoodii badnayd ma aannaan helin ee way lumeen. Geeraarka soo socda waa ammaan faras, ha yeeshee faraska loo la jeeday wax sheega lama arag, geeraarku waa kala dhiman yahay sida ka muuqata ama ay nala tahay. Wuxuuna Sayidku yiri:

Midabkiisu halyeygoo, hiribboo kala noocoo
Hiriiryii ku dhigeenoo, halow yeeshay miyaa!

Haldhaa meel fog ka muuqdaa, halqooqii bixinaayoo
Haysha baal lalminaayoo, hallibaaya miyaa!

Hannaankiisa wanaaggiyo, haybaddiisa buruudka
Naftu waw hibataaye, hibo Eebbe miyaa!

Afku waa holholkaasoo, gowso huuro ku taal buu
Xakamaa ku hudbaaye, madag hiil leh miyaa!

Bacaraarka hulkiisa, hadduu hiif kaga siiyo
Wiyil soo handanaayoo, hanqaraaya miyaa!

Sidii aar hala laayayoo, dagaal loo harareentay
Indhuhuu holcinaayoo, holoc naara miyaa!

Hagaagga kalxadiisa, hogsalaanta kobteeda
Gabbashaa lagu heeray, bil hangoolsan miyaa!

Kolkii uu hoganaayo, hadduu haayir dareemo
Dheguhuu hulkinaayoo. ma hootooyin aflaa!

Guudka haydhafanaayoo, hareeraha marinaayo
Sida geydhaha hawdoo, hugfanaaya miyaa!

Qanaantuu hurgufaayo, halqooqeeda lulaayo
Hayrarooti galbeedoo, hoorimaadi miyaa!

Fanku buur hiyil weynoo, hamaashowday caleenoo
Xaygu uu holliitaayo, hiraraysay miyaa!

Haddii uu hardafaayo, ma hanqaaro naftaada
Hintiqluu u socdaaye, hebed xaal san miyaa!

Haddaan jeedal la hiilay, ku hawaarsho sintiisa
Hatatoobsiga boodda, ma aar soo hig yiraa!

Haddaan hoyga u buuxsho, hanbo iigama reebe
Hilif buu ka dhigaaye, Halacdheere1 miyaa!

Afartuu ku hadaafo, dhulka waa hurgumaanoo
Habaas bay ku kacshaane, beel hayaantay miyaa!

Isagaan hul lahayn buu, hulqihii lalmiyaayoo
Ninna haab kama yeeshee, caqli haatuf miyaa!

Geeraarkan intaan hayno waxaannu ka qornay Cali Darmaan sannadkii 1957kii.

  1. Halacdheere: Xuseen Cashuur Cali oo tilmaan ku lahaa hunguri badnaan.

Hanfi iyo Hunriga Soo Dhaca

Markii Taleex la dhisay ee ay Daraawiishna xarun u noqotay, magacoodii iyo maalkoodiina kor u kacay oo ay taawiyeen in Ilaah mooyee aan aadane wax ka tarayn, murtidii iyo gabayadii si aan qiyaas lahayn ayay u soo baxeen, Daraawiishta ammaan iyo aflagaaddaba gabayo badan ayaa loo soo mariyey. Cali Jaamac Haabiil oo ay Sayidka xafiiltan lahaayeen raggii Daraawiish ka soo horjeedayna ka mid ahaa, ayaa dhowr gabay oo ceebayn ah Sayidka u soo diray. Inkastoo Sayidku gabaygan dadoo dhan wada mariyey, haddana ujeeddada ugu weyni waxay ahayd Cali Jaamac in loogu hal daro. U fiirso, gabaygan wuxuu ina tusaayaa in murti, aftahannimo iyo hadal aqoontii, Eebbe weyne, hoodo uga dhigay Sayid Maxamcd Cabdulle Xasan. Wuxuuna Sayidku yiri:

Hanfi iyo hunguri soo dhiciyoo, hinif dabayl baa leh
Hanqar iyo hillaac biligliyo, halac roob baa leh
Cir habqamay hareed laga harqaday, Haradigeed baa leh

Xiin hawle iyo heega curan, hogol daruuraa leh
Hir doogliyo caleen hamasha iyo, habatac ciid baa leh
Maal hooray ciir laga hanfaqay, seben hagaagaa leh

Caana had iyo jeera iyo, heeshi ramag baa leh
Qumbo lala hagoogtiyo hilbiyo, hawl yar ari baa leh
Hiyinnimo wax lagu qaato iyo, ku hinji awr baa leh

Habaqliyo harraad iyo kulayl, hilin abaar baa leh
Haddii hadowgu geedood engago, horasho ceel baa leh
Haga hagi hunguri duulayiyo, hogo kaliil baa leh

Harac iyo qabow lala herjado, hadh iyo raaxaa leh
Hawo iyo hilow gacalo iyo, hurud nabdoon baa leh
Hanfariir in loo kala ordiyo, hunuf dareen baa leh

Lugi waa higlishee himmiyo, halabsi neef baa leh
Haad iyo haldhaa roori iyo, huguf gammaan baa leh
Gorgor samada heehaabi iyo, huguguf Dhooddaa1 leh

Hanfaf booddo iyo xoog sengiyo, hadafa buubaa leh
Himbiriirsi meel foga magaan, higigifleeyaa leh
Haddii nadigu haaraha ku dhigo, haawis Xamar baa leh

Aar soo hingoodiyo bad iyo, hoobsi guluf baa leh
Hamham iyo hamsiga reenka iyo, higilla guutaa leh
Hannas weerar iyo qaylo iyo, hirif colaad baa leh

Heeraa in la isula bixiyo, heegan dirir baa leh
Hirey iyo wirey maalintay, humuro joogtaa leh
Haadaa qabiilnimo nimaan, lagu holayn baa leh

Hawa beena Soomaalidaa, hadafka raacdaa leh
Hadal ruma Daraawiishta iyo, weli hanoonaa leh
Raggii diinta hooyga u noqdiyo, hanad shirshooraa leh

Hulqihii dad bari soo baxshiyo, hoogay dumar baa leh
Wixii habar Majeerteen iyo, halamash naagaa leh
Xaar laysku heylaamiyiyo, halalac Mooraa leh

Hammuunaan damayn iyo, hunguri lala hadaaqaayo
Handadka iyo heemada markuu, hadawga leefaayo
Warsangeligu heybtuu yihiyo, horor dugaag baa leh

Hoobaaq laguu qodahayiyo, hagar shisheeyaa leh
Hundhur iyo caloolxumo ninkii, cadawgii heeraa leh
Hankuugyo uurgulguluc ninkii, hiijo qabay baa leh

Inaad luqunta hoogaamisiyo, hogosho ciil baa leh
Meeshiyo habeen aakhiraad, hibasho maag baa leh
Haakaalle Eebbow ninkii, libin hoyaadshaa leh

Hoh! iyo caku iyo ninkii, hawkar galay baa leh
Halaaka iyo laandeyr ninkii, marin habaabaa leh
Hinji iyo habaar Waaq ninkii, huray astaadkaa leh

Heeggaa in loo maro arlada, habi la’aan baa leh
Hor Ilaah in loo jeensadiyo, haajir culumaa leh
Haawiyadaa naareed ninkii, fereenji haystaa leh

Iiddoorka hoosada Berbera, ka hawisaa hey! leh
Harag uraya Muuse Carrihii, hoodhi jiray baa leh
Hadduu niriggu heeryada ka rido, hoogay! Arab baa leh

Xaal hadura Habaryoonis iyo, Herer nin joogaa leh
Ciisaha baqtiga hiigaayiyo, haqay midgaan baa leh
Huuraale Cali Jaamac2 iyo, huluq dameer baa leh

Xididnimo habbonkeed ninkii, lagu hirtaa baa leh
Hargaamooyin iyo ceeb ninkii, gun u hoyaadaa leh
Hiddo xumo gobey heerle iyo, horinta Cawl baa leh

Hub wanaagsan heensiyo fardiyo, haybad iyo luuli
Hodyo deeqa hoo iyo waxsiin, hor Alle geystaa leh
Hannaan quruxsan haashaar gobeed, hodon Dariiqaa leh

Horweynkiyo haleellada nirgaha, loo hintiqinaayo
Haamaha karuurkee la shuban, holac jiilaalka
Heel xoola laga buuxiyiyo, hibana Eebbee leh

Hal madow higgaad iyo Qur’aan, H iyo W reebban
Harannimiyo hooyaale gabay, heello iyo maanso
Nin kaleba naftiisa ha hafree, hooda anigow leh!

Waxaan ka qoray Xaaji Axmad Aaden Surgo sannadkii 1956kii.

  1. Dhooddi: Faras qurux iyo dheerayn caan ku ah.
  2. Cali Jaamac: Cali Jaamac Habiil, wuxuu ahaa gabyaa caan ah oo ka mid ahaa raggii u gabayay Sayidka.

Xuseenow Ninkii Xididkiis Hagraday

Nin magaciisa la oron jiray Cabdalla Cawl Maxamuud oo degmada Laasqoray u dhashay ayaa xarunta beryihii ay Daraawiishi calan-walleynaysay. Ninkaasi wuxuu Sayidka weydiistay in la siiyo Faaduma-qarad Shiikh Cabdulle oo Sayidka la dhalatay.

Dabadeed waa laga yeelay, usna wuxuu balanqaaday inuu xoolo badan keeno mood iyo noolba, gaar ahaan hub lagu dagaal galo. Taas Sayidka aad buu ugu riyaaqay. Cabdalla waa tagay si uu ugu soo tabaabusheysto guurkiisa iyo min-dhismadiisa, hase ahaatee soo noqodkiisii wixii lagu filayay ma keenin, weliba si qaab daran buu xarunta ku yimid, taasoo ahayd, isagoo niman carab ah oo gedisley ah garwade u soo noqday si uu xoolahooda ugu meel maro. Dabadeed Sayidku kolkuu ogaaday inuusan Cabdalla ee uu hadal badan iyo afmacaani wax ku doonaayo, uma xil qarine, safarradii oo meel lagu furay ayuu wuxuu ku yiri, xoolihiinna daartaas u daadguraysta, Cabdalla wixiisina meesha uga taga. Dabadeed joonyad xoogaa dhar ihi ku jiro ayaa meeshii looga tegey, ka dib Sayidku gabay ayuu Cabdalla u mariyey, gabaygana waxaa loo bixiyey Hadaafaa:

Xuseenow ninkii xididkiis hagraday, waa habaar qabe e
Hannaan iyo wanaag badan haddii, heedhe laga waayo
Isna waa hubaa inaan aroos, loo hadooduline

Hindisuhuba mar buu kaa ridaa, hogobyo sheydaane
Mar uun baa daruur hababac tiri, lagu hungoobaaye
Eebbow habheeb lama maree, hirifsanaa meeshu

Afartaas sidii heega roob, haw ma kaga siiyey
Hawraarta gabay lama ba’shee, hilin ma qaadsiiyey
Hadal kalena waa inanta iyo, halaan ka faalleeyay

Hiirka laaca weyn baa nafluhu, haabo leeyahaye
Ninkii waliba hawada Faadumuu1, haanka ku hayaaye
Hoomaalka Qarad baa dadkuba, u hanganayaaye

Hanaddada Majeerteen yaa, laga hor joogaay
Hindiya iyo waxaa looga yimid, hara Ogaadeene
Ha yeeshee Hartigu inuu lug go’i, hadiba maayaane

Intii hooyadeed laga baxshaa, lagu haweysiine
Ninka soo hadaafee yidhi, ilaxidh ii hoosa
Lama hubee inuu maro ku heli, hawl yaraa gabadhu

Daraawiishta heelkaa degtay, habar wadaagaane
Nin waliba hor weyn buu ka filan, barac la mooddiiye
Haadaa qabiil nimaan ahayn, hadalka muu daayo

Nimaan yarad haruur lagu masliyo, hibo ka keeneynin
Muu hoogye meelaha ka dayo, harag miduu siisto
Haween kalese ma waayine, maxaa hawdka soo mariyey!

Waxaan ka qoray dhowr nin oo Daraawiish ahaa oo ay ka mid ahaayeen, Cali Cabdi Guuleed iyo Xaaji Cabdiraxmaan Sayid Maxamad sannadkii 1958kii.

  1. Faadumo: Faadumo-qarad Sayid Maxamcd oo gabdhaha ilmo Sayid u weynayd.

Hashaan Heensuhu Siday

Boqol nin oo Daraawiish ahaa oo ceelka Afyaraaddo lagu dilay, horena aannu ugu soo sheegnay taariikhdooda hordhigga gabaygii ahaa:

Daraawiishta Saalixiya eey dood aan ku iraahdo.

Duullaankii u baxay ayaa geel farabadan soo dhacay. Geelaa oo Xalliye la baxay waxaa la gabagaba dhigay balliga Caadood, waxaa la yiri geela sannad baa halkaa lagu hayey oo raacdo lagu sugayey, jiiftadan hoose ayaa geelaas loo mariyey, wuxuuna Sayidku yiri:

Hashaan heensuhuu siday, himmaaddeeda duullaan
Hashaan hilayga ugu raray, hayinka iyo awrkii
Hashaan hiirta waaberi, himhimowga ugu kacay
Hashaan hillinka Doollood1, habaqle ugu jiilaa
Hashaan dhowr habeen iyo, maalmo badan u hawlgalay
Hashaa aan hagoogtiyo, hullaabtii isaga rogay
Hashaan Habarsaciid iyo, humbannadii u weeraray
Hashaan ku himbilyoodee, ku hanqaaray dunida
Hashay hebelladeedii, dhirta ay huluusheen
Hashii hoorrigeygiyo, hinfirkayga lagu nacay
Hashaan kii horjoogsaday, huluq siiyey warankii
Hashaan beel bannaan tubay, hundihii Warfaa2 dhaqay
Hashey gaalka Herer jiraa, qaylageyska u hudeen
Hashaan hara ku oodee, ninna uusan igu holin
Hashii heegadii roob, higilkeeda loo filay
Hormo looma jiidee, hashaan heeg isaga waday
Hashaan lagu hanqaarmeyn, habarwacadka ololkii
Hashaan haaliguu riday, hanqar iyo madaafiic
Hashaan huuraweynow, Subeyr Maxamed ka hantiyey
Hashaan haaruf dhogorrow, haaruun u quursaday
Hashaan Dalal harkoo galay, hargawaaxa kaga diray
Hashaan hoorinta Raabbi3 leh, heeraaga ka asladay
Hashii hanaddadeedi, ku hamsiyey waraabuhu
Hashaan haatuf uga diray, Iljeexii4 hagaysnaa
Hashuu ka hanfariiree, hubin waayey jeerkii
Hashuu ka himbiriirsaday, Hiiradkii5 qurmoonaa
Hashuu hawdka jaree, haaruhu ku gaareen
Hashaannu haayaddeed gelin, hooyhooy markaan niri
Hashuu huray dharaartii. fulihii hingaarraa
Hashuu hoogayey yiri, hohey! maxaa inoo dhaqay
Hashuu iiga haajiray, Gurraasihii6 habka xumaa
Hashaannu horarin dirirteed. harabkii afka caddaa
Hashaanan haybta reer Magan. waxba aanu ku hamkayn
Hashaan sumadda hororka ah, halka luqunta kaga dhigay
Hashaan baarqab heeg dheer, haysimada ugu daray
Hashaan soo hintiqiyoo, hadba hogob ku soo furay
Hashaan kaga hareerraa. haaweyda caydhaa
Walle maanta kii hola, huga dhiigga kaga qubay!

Waxaan ka qoray Cali Cabdi Guuleed sannadkii 1967kii.

  1. Arag gabayga 26aad.
  2. Warfaa Xirsi Khalaf.
  3. Raabbi Guuleed Xirsi.
  4. Iljeex: Xuseen Yuusuf Xirsi, wuxuu ka mid ahaa raggii abaabulay shirqoolkii Gurdumi.
  5. Hiirad Nuur.
  6. Gurraase Xaaji Cali, wuxuu isna ka mid ahaa raggii abaabulay shirqoolkii Gurdumi.

Xirsiyow Hagaagtay

Cabdullaahi Aaden Kiye oo reer Cali ahaa ayaa reer Haaruun nin ka dilay. Dabadeed Sayidku – si uu reer usoo jiito, wuxuu damcay inuu laba reer fidno, dagaal, iyo guubaabo ka dhex abuuro si aanay gaashaanbuur u noqon oo Daraawiish uga soo horjeesan.ee ay Daraawiish ugu soo biiraan. Gabaygan soo socda ujeeddadiisu waxay la socotaa gabaygii ahaa:

“Cabdullaahi waxaa loo qurajaray, waa qabiil li’iye”

Ninkuu Sayidku ku halqabsaday, gabayganna usii dhiibay Daraawiishi war fiican kama bixin, wuxuuna Sayidku yiri:

Xirsiyow hagaagtaye haddaad, hillinka qaadeyso
Dhexdu waa habheeboo, naftaad u hawalaysaaye
Harraad kama baqaan niman hadday, heli karaayaane

Horweynkiyo haleellada nirgaa, loo hintiqinaayo
Hammuunta iyo gaajada ninkaan, haysan baa qaba e
Haan iyo sibraar baad ku shuban, halab haruurkeede

Hayin baad ku raran qaalin waa, hilay la buubkiiye
Hawdkaad maraysiyo cidladu, way nala heshiise
Halaq iyo libaax horara iyo, haayir iyo tuugga

Astaadkaa ku heli oo Rabbuu, kaala hoos geliye
Habeenkaad Ogaadeen tagtoo, reer Isaaq hoyato
Hawraartaan kun faro iiga gee, hagari nwaa ceebe

Ha’dana yey ka dhicin xarafta, waa lagu hagaajaaye
Hadle1 iyo Umaad2 iyo Yuusuf Qaraf3, hadalku waa qaan dheh
Jiciirkii4 hormuudka u ahaa, hoos ahaan ugu dheh
Waxaad haybta reer Cali ku tari, helay warkiinnii ku dheh

Nimankii huwan ahaa dadkaan, ugu han weynaa dheh
Hiimadaan idiin sidaynay, iyo hadal naloo keenay
Waa laba hiyoo kala fogaan, haab isu lahayn dheh

Haaruun inuu dilay la maqal, horiyihiinnii dheh
Waxaa Haradigeed5 nooga timi, dhimay halyeygii dheh
Mase taladu waa hudur warkay, nagu hasaayeen dheh

Cabdullaahi6 haad inuu cunaan, hanadyo loo laynin
Ay nolol haweystaan kuwii, haniyihii gooyey
Ay heli karaan saas guntii, haarufta lahayde

Hurrihii7 xunka ahaa inuu, waran ku haylhaylo
Oo halawda jaray geesigii, lagu hagaagaayey
Oo midab haldhoolow tukaha, siiyey hilibkiisii

Waa haramcad aargoonle cunay, hadalka qaarkiise
Bah-Dhulbahante hoog kama maqnoo, heeran boqontiiye
Waa hadaadun reer Maxamedkay, hibadu saarrayde

Alleyle halkaa uma ilayn, horinta Guuleede
Nimankaan hubkoodiyo ogaa, halalacayntoodii
Aan qolo ku haystaa dhaqnayn, haybad iyo xoolo

Nimankii hubka caddaa midgaan, hoorle laga yeelye
Aan hubsado halkay fali kuwaa, lagu hariiryeeyey!

Waxaan ka qoray Xaaji Aaden Xuseen sanadkii 1955kii.

  1. Hudle: Hudle (Boojaali) Yuusuf Maxamed
  2. Ina ayihiisii la garan waa.
  3. Yuusuf Qaraf: Yuusuf Iimaan Cumar.
  4. Jiciir:Jiciir Maxamed Liibaan Jiisoow.
  5. Haradigeed: Waa 28 balli oo u dhexeeya Harafaafan-yar iyo Harahabaskuul.
  6. Cabbaas: Aw Cabbaas Xuseen Muuse, waxaa lagu dilay shirqoolkii Gurdami.
  7. Hurre: Ibraahim-Bayr Xasan Odowaa.

Xuseenow Ninkii Hagar Yaqaan

Waxaan horay usoo sheegnay in ammaan iyo aflagaaddo mid kasta ha noqotee Daraawiish gabayo badan loo mariyey. Cali Jaamac Haabiil ayaa Daraawiish gabay usoo mariyey, gabayga halkudheggiisuna wuxuu ahaa:

“Dameerkaa hariiryaha leh iyo, heer Dhulbahantaa leh”

Sayid Maxamed alabkiisa ahaa, haddii gabay loo mariyo, asuu doono inuu hadal ka celiyo, inuuba baro dheereeyo, gabaygana wuxuu ka tix raacay kii Cali Jaamac, wuxuuna yiri:

Xuseenow ninkii hagar yaqaan waa, habaar qabe e
Ninna hagagi mayo run baan, heeg u marayaaye
Haddii aan hammiyey aakhiraan, laga habaabeyne

Harti nimaan aqoon baa yiraah, hadalka qaarkiise
Waa niman hurmuud wada ah iyo, hanadyo waaweyne
Waa nimanka haybtoodu tahay, Haashinkaas kore e

Waa nimanka deeqi hanbaday, hibo Ilaaheeye
Waa niman intay hodon yihiin, hoog ku sii daraye
Waa niman gob baa lagu hirtaa, lagu hagaagaaye

Waa nimanka daaraha hurdiyo, harac dallaal weyne
Waa niman xariira huwanoo, huga ku laafyoone
Waa niman hashaarka gole, marada haafeyne

Waa nimanka doonyuhu Hindiya, uga himbaartaane
Waa niman haruur iyo bariis, hoyga loo dhigaye
Waa nimanka baanfuuqayee, timirtu hoos u taal

Waa niman aleeliyo horweyn, heel ka buuxsadaye
Waa niman adduun lagu huroo, maal hareerimine
Waa niman intay wada habceen, heesiguun dhiciye

Waa niman hingaar lama watee, haybad guursada e
Waa niman hablaha ay qabaan, halalac leeyaane
Sida heegadoo curatay bay, shuqul billaacaane

Waa niman hub iyo dowladnimo, haytsa weligoode
Waa niman u heensayn fardaha, halabsigoodiiye
Waa niman halqooqaha rogaal, heegma weligoode

Waa niman hadday rag is hayaan, huriya baaruude
Waa niman madaafiic higliyo, haaliggii ridiye
Waa niman hanaanaca kufriga, hoor kasoo qubaye

Daaroodku waa wada halyey, kalase hayb roone
Dalka kalena waxaa wada hulqiyo, huubo doora lehe
Waxse heer leh haad fereenji, iyo harabka Iiddore

Kuwa fuudka heeminahayoo, himishku duulaayo
Aan tan iyo Haabiil dheeryaha, lagula hawshoonnin
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Hiliblaha dukaaminahayoo, horary ceeriinka
Oo dhiigga soo hililiqlayn, haysha ka caseeyey
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Nimanka hablaha soorta guri, ku hargawaaxaayey
Ee tii wax hoomay tiara, kula haliilaayey
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Nimanka hawaaree sidii, habas u kowdiiyey
Oo aan futada haawineyn, hogobka aad mooddo
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Nimankii sidii awr hayina, hilayga qaadaayey
Hinjiga iyo culayskii, kuwuu hoolay dhabarkooda
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Raggii hiirta waaberi, dillaal hadalladuu roori
Oo aan hunguriga maalimeed, soo hargalahaynin
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Nimankii habeedlay ummula, huga u mayraaryey
Nimankii habeen iyo dharaar, hiribka qooshaayey
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Ragga idaha horsanahayoo, saxaraduu heegan
Iyo nimanka hooyadood ku oran, habartu waa dhuustay
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Axmed Nuuxa nirig haaruf badan, kabar u heereeyey
Ee hillinka meeshiyo, Hiraab habaqluhuu qaaday
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Muusecarraha haragga iyo, hoorka xiranaaya
Oo qurunka ay huursadeen, lagu hunqaacayo
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Ciisaha bakhtiga hiigayoo, haadka qalanaaya
Oo calaha habuurka badan, hagida meegaaya
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Habar Yoonis iyo reer Jugliyo, Habar Magaadloo dhan
Iyo Caliga1 hoosada Berbera, huluqa jiida
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Intii heer lahayd ma aan dhammayn, hebelladoodiiye
Hayska hoobbiyeen nimanka aan, heray boqontiiye
Inta aan hunduudaa ka badan, hiisha geedaha e

Niman baan hullaabee, ma oron hiijo iyo ceebe
Waxsaan hubinayaa waa inay, hadiyad keenaane
Hayeeshee intaasaan hojee, hor Allahay geystay!

Waxaan ka qoray Cabdi Cali Guuleed sanadkii 1957kii.

  1. Cali Jaamac: Cali Jaamac Haabiil, wuxuu ahaa gabayaa caan ah, wuxuuna ka mid ahaa raggii ay Sayid Maxamed isu gabyeen.

Hunguri Subeer

Gabaygani wuxuu ka mid yahay gabayadii Halacdheere ku saabsanaaa, Hobyana ka billowday, loona waddamiyey bari, galbeed, koonfur iyo waqooyi, Sayidka oo la yiri wuu ka qaybqaatay wuxuu yiri:

Hunguri Subeer wuxuu ka ridi, hogobyo shaydaane
Mar haddaanu heeg dheer lahayn, ama hoggaan ceeja
Wax hubaal ah waa inuu ka iman, haradi ciideede

Waa waxaan habaaroo Ilaah, heeray boqontiiye
Hidyaa wadatay wiilkii, hadduu hilinka soo qaaday
Huwan muu u kaco kuma qaddeen, hodon qabeenkiiye

Hartidaba wax badan baa ku nool, hilib ugaareede
Koluu hiirad oo kale noqdoo, ibilka haaneedo
Bal maxaa Hobyuu u dhigay, arladu kala hoyaad roone

Hargawaaxiddii baan ku dilay, tuugga haysha lehe
Hanqarkii rasaastaa wadnuhu, la halcanaaye
Guutooyinkii loo humeey, hadafka raaceene

Hanbo kaa sugaa ama hoheey, kugu haguugaaba
Hanta nimaan lahayn looma tago, holaca jiilaale
Haaweyda aan dhacay maxaa, haatufka u geeyey?

Iyaguba halaaggaan badey, la hundhuraayaane
Daraawiish hinfirinimay wax badan, hanatay reerkiise
Waxay ka hanfariireenba waa, huubo dooro lehe

Hawiye iyo Daaroodba waa, hayb ka gooniyahe
Ma way sooryadiin helin karaan, ma hagranayaane
Miyey hadi karaayaan wax bixin, heliba maayaane!

Nin hammuunta kaa bi’inahayaa, lagu haddoomaaye
Mar hadduu hadaadumo, xarrago haybaddeed malehe
Haadaa qabiil nimaan ahayn, hibo miyuu dhiibi?

Qamaanow1 hiddada meel san baa, lagu hagaajaaye
Hadku waa hadkii idin khatalay, Haraddigeedkiiye
Hannaankiina nimankii yiqiin, weydinkii huraye

Haddaad diinta soo haybisaan, kuma hungowdeene
Haadaan waiaa idinku guray, habaski gaabnaaye
Hadalka Keenadiid buu maqlay, hayaad kale mooge

Haddeer iyo haddeer goor qallaa, halaba keenaaba
Haamaan idiin shubi lahaa, halab karuurkeede
Haleelooyinkaa idinku filan, hootanuugta ahe

Hareerihiinna waa dhigi, waxaad ku himbilyootaane
Intaad higis dhan soo qaadataan, halacna too raacsha!

Waxaan ka qoray Xuseen Aabi Cilmi Xaasey l965kii.

  1. Qamaan: Qamaan Bulxan Yuusuf oo ahaa gabayaa caan ah.

Cali Xaaji Axmed

Gabaygan gaaban waxay ulajeeddadiisu ahayd – in loogu hal daro Darwiish la oron jirey Cali Xaaji Axmed Aaden oo ay Sayidka habrawadaag ahaayeen, Cali waxaa dhasay Balax Seed Magan, Sayidkana hooyadii waxaa la oron jiray Carro Seed Magan.

Waxaa la yiri dagaalkii Ruuga ee Koofil ayaa lagu dilay Cali Xaaji Axmed oo fardaha Daraawiisheed buu madax ka ahaa, markii dagaalka foodda la is geliyey asaan wali la isu jilib dhigin, ayaa gaalkii girligaan Daraawiishta ku afuufay. Halkaas ayuu Cali Xaaji ku yiri, “War fardaha xabbadda dib uga qabta.” Waxaa markiiba loo qaatay inuu baqay, maxaa yeelay Daraawiish waxaa caado u ahayd in haddii tacshiiraad ama laba lays dhaafsado ay cadawga jiiraan.

Hadalkii Cali Xaaji oo ahaa “Fardaha rasaasta ka qabta!” hadii Sayidka loo geeyay ayuu mariyey gabaygan oo wuxuu yiri:

Caliyow habaaskii inaad, hadaftay lay sheegye
Hadalkaagu siduu noogu yimid, waa hagoognahaye
Waa kuu hundhuraayaa siduu, hooggu kuu maraye

Hadda aynu joogniyo intii, horay ka aamiina
Abidkood dagaal ma hargadaan, haybta aan nahaye
Adigaa hinjiga noo wada ee, haaligyaan nahaye

Hulqe aabbahaa baa ahaa, hogoshki dheeraaye
Waa wuxuu Hubeyr ugu fakaday, Haarriyaan dhicine
Maxaa habarwadaaggay ka dhigay, haadka cararaaya?

Dhammeystir

Halkan waxaa ku dhammaaday 120kii gabay ee aan gogoldhigga ku soo xusnay iyo 16 gabay oo rag kale mariyey isla markaana gabayada Sayidka iyo Daraawiishta xiriir la leh.

Haddaba, wixii khalad ama gef ah ee buuggan ka soo baxa, ulakac ma aha, sidaa ayaana lagu soo ururiyey – iyadoo weliba raadintuna aad u daba dheerayd, wakhti badanna ay nagu qaadatay ururinta iyo qorista labadaba. Hase ahaatee, waa murti iyo taariikh Soomaaliyeed oo lama kala xigo ee sida saxa ah haddii aad hubto soo gudbi. Qof kasta oo gabay hubaal ah ka haya Diiwaankaan ama taariikhdii Daraawiisheed, iwm. Haddii ay kula tahay inaad diiwaanka wax taabbagal ah ku biirin karto, waxaannu kaa codsanaynaa inaad degdeg ula soo xiriirto qorayaasha iyo dhamaanba dadka ka shaqeeyay buuggan. Aad iyo aad baannu uga mahad celinaynaa wax kasta oo nala ku soo kordhiyo.

Waxaa jirto oo weliba hubaal ah, in gabayada Diiwaankan ku qoran ay dadka qaarkii ku adag yihiin, laakiin waxaannu idin la socodsiinaynaa in aysan shaqadii buuggu weli dhammaan. Waxaannu rajaynaynaa inaan helno dad af-Soomaaliga iyo taariikhda Soomaaliyeed aqoon dheer u leh isla markaana naga caawiya sharraxa , ujeeddada, sarbeebta iyo macnaha faahfaahsan ee gabayada.

Gabayada Diiwaankan waxaannu ku tala jirnaa inaannu kordhinno. Sidaas awgeed ciddii haysa gabay Daraawiisheed, mid ay mariyeen iyo mid loo mariyeyba, fadlan soo gudbi, waa taariikh isla markaana waa lagama maarmaan in la qoro oo la diiwaan geliyo si aanay u lumin ee ay murti dhaxalgal ah ugu noqoto jiilalka dambe.