Diiwaanka Maansooyinkii Abshir Bacadle

Tusmada Buugga

Hordhaca Daabacaadda Labaad
Mahadnaq
Milicsi
Hordhigga 1aad
Hordhigga 2aad
Gogoldhig
Waa Kuma Abwaan Abshir Nuur Faarax?
Diiwaankan
Howsha Diiwaanka
Nooca Iyo Astaamaha Gabayada Bacadle

Qaybta Koowaad: Gabayada Bacadle
Halhays
Roob Doon (Gabayga 1aad)
Dardaaran
Xijaabka
Ashtako
Amiirada Khaliijka
Ayaamihii Madoobaa
Amxaariyo Tigree
S.S.D.F
Ma Ilaahey Baan Eed Ka Galey
Asharaafta
Qabri iyo Qiyaamo
Suuradaha Qur’aanka
Aroos Sharaf Le’
Ameerikaan iyo Yahuud
Ikhlaas iyo Waxdaaniyad
Waa Inaanu Isguursanaa
Bidca Qiil U Doon
Bulugley
Burburkii Baladkeena
Lacag Been Abuura
Ina Cigaal Bohoshi Loo Aasey
Geenyada Asaaggeen La Tagey
Bariiskayga Eebaa Hayee
Amey Been Naqataa
Booraan Ibliis
Baqaratu Daaxika
Sidii Bahalkii Loo Ilay
Nadaafadda Muqdisha
Tawbada Ha Seegin
Taariikh Madow Lama Dhaxliyo
Tii Allay Noqon
Salaf Iyo Khalaf
Tikniko Tuugo Xanbaara (Salsal)
Cishqigan
Kama Xoroobaan
Xantayda Ma Moogiye
Gogol Ku Xaar
Xuquuqul Insaan
Waa Inaan Difaacaa Gabdhaha
Dib U Heshiisiin
Ku Duug Qalinka
Roobdoon (Gabayga 2aad)
Xoolo Daayac
Abwaankii Dariiqooyinka
Doqonkii Gaabnaa
Duduble iyo Murunsade
Weyga Degi Waayey
Dahabka Maaroobey
Dacar iyo Dhuunkaale
Doqoni Calaf Ma Leh
Waa Kugu Dakano
Danta Guud
Aqoon Yahanka
Diidnay Doofaar
Maxkamaddaan Ku Diirsadaye
Yaa Deegaan Ah? Yaa Dool Ah?
Ri’ Ka Qaada Caamada
Sababta ii Sheega?
Saar Hindi
Sacadow Yeelkaa
Qabrigii Isugu Jiray
Baabuurta PL-ka
Maxay Ahlu Towxiidku Sugi
Cayda Suubbanaha
Wixii Sabcaayey Saaxiibow
Bidci Sugulle
Nin Dhaliile Yeelkii
Dhagarna How Qaadan
Sicir Bararka
Ii Dhiib Darbaalada
Maraan Ciidan Kuu Helo
Geelle
Caado Jaahili
Cawareere Kuma Siinin
Cantarabaqash
Markii Cadowgi Loo Abay
Gaal iyo Cawaankeed
Dastuurada Guracan
Guuleed Fansalakh
Gef Loo Saxay
Gabaygu Sow Maaha
Faracii Reer Abshir Nuur
Gablan Tala Aduunay
Gob Cunsuri Ah
Gocosho iyo Hiil
Beel Yahay Gadoodayo
Ma Qadarisay Sheekhow
Qabiltuba Ha Oran
Qaata Taladeyda
Qaadow Adigaa Le’
Qabyaalad
Qabashada Rabbigay
Labadaa Ragcaa Hariye
Masjid Yaa Ka Dheeraadey?
Mahad Alle
Musxafkaa Qur’aankaa
Macallinkiyo Waalidka
Muqdisho
Maxkamadaha Islaamiga
Taley Mudan Tahay
Caashaqu Maxuu Yahay?
Hawiyoow Waa Taa
Nasabka Reer Banii Haashim
Yaad Nagu Halleyn
Hiraaboo Isku Hiloobey
Hubka Inaga Dhiga
Anigaa Hawiye Kaa Aqaan
Geedkaa Humbulan
Roob Doon (Gabayga 3aad)
War Ba Uma Hayaan Shiikhu
Hormuudkoodkoodii Guurtigaa
Hiddo-Raac

Qaybta Labaad: Jawaabo Af-Celin Ah
Hordhac
Haad-Haad Maxaa Kaa Dhigay
Hawo Been Ah
Bacadlaha Danaaniyayow
Halaqyahow Sumaysan
Akishuu Noqday
Hoyga Suugaanta
Heedhe Maad Sheegtid
Bacadlow Soo Daleel Bexe E
Hawaawig Dhab Ma Ah
Jawaabtan Sii Bacadleh
Abshirow Guuxaagii Lagu Toosye
Gobannimo
Gefka Bacadle
Haku Diganin Sheekhaa Adigay
Garashoy Yeelkeed Dheh
Dib Ugocosho
Dabato Weeyaan
Hargeysay Maxaa Xaqii Idiin Diiday?
Duulaanka Xamar
Af-Lagaado iyo Cay
Gees Isugu Bayra
Haddaad Guluf Abaabuli Lahayd
Gacan Saar

Gunaanad
Geeridii Bacadle Kaddib
Haldoorkii Abwaanka
Abwaankii Nabadda ee Bacadle
Abshirow Bacadloow (Gabay)

Raad-Raac
Dhammaad

 

Hordhaca Daabacaadda Labaad

Codsiyo badan oo ka yimid aqristayaasha Soomaaliyeed qaarkood ayaa waxaa inala habboonaatey inaan mar labaad dib u daabacno Diiwaanka Gabayada Abwaan Abshir Nuur Faarax Abshir-Bacadle, siddeed sannadood ka dib daabacaaddii koowaad ee diiwaanka kan, waxaase habboon inaan is weydiino su’aasha ah maxay daabacaadda labaad ee buuggakan kaga duwan tahay daabacaaddii koowaad?

Inta aanan ka jawaabin su’aashaa waxaa xaqiiqo ah, shaqo walba oo la qabtaa waxay yeelataa ama lahaan kartaa dulduleelo iyo dhaliilo, waxaase loo baahan yahay mar walbaa in lagu dadaalo habka ugu habboon ama ugu dhaw ee loo gaari karo xaqiiqda iyo ujeedada loo baahan yahay.

Waxaa inoo suuro gashay inaanu ka saxno buugga khaladaad ku soo baxay daabacaaddii koowaad oo la xiriirta xagga qoraalka. Sidoo kale waxaanu ku soo biiriney daabacaadda labaad ee Diiwaanka Abwaan Abshir Nuur Faarax maansooyin kale oo cusub oo uu curiyey abwaanka muddadii ka danbeysey daabacadda koowaad, waayo abwaanka intii uu noolaa kama uusan suulin inuu hibaddiise suugaaneed ku cabbiro ama ku muujiyo dareenkiisa la xiriira hab dhaqanka bulshada ha ahaato dhacdooyinka siyaasadeed, diineed iyo tan bulshadeedba oo ka socda degaannada Soomaaliyeed iyo adduunka kaleba. Maansooyinkaa suugaaneed ee aanu ku soo kordhiney diiwaanka waxay la mid yihiin kuwii hore oo kale ee diiwaanka ku soo aroorey, sida gabay, geeraar, shirib iyo wixi la mid ah. Sidoo kale ujeedooyinka ay xanbaarsan yihiin maansooyinka cusub ee aanu ku soo biiriney buugga iyana kama duwana kuwii hore ujeedooyinka ay xanbaarsanaayeen.

Laakiin waxaa xusid mudan dhacdada ugu kulul ee uu ka gabyey abwaanka waxaa la dhihi karaa waa dhacdadii la xiriirtey gabadha la yiraahdo Samsam Axmed Ducaale oo muddo gaaban lagu xirey magaaladda Hargeysa, waayo arrinkaa uu ka hadley Abshir waxay dhalisey xiisad aad u adag oo sababtey in ay ka yimaadeen jawaabo tiro badan oo gabayada Bacadle ka dhiidhiyey, waxaase xusid mudan in jawaabaha badankooda ay ka yimaadeen abwaano Soomaaliyeed oo kale oo jawaabtooda u adeegsadey maansooyin gabay iyo geeraarba leh. Inkastoo jawaabaha qaarkood ay ka yimaadeen siyaasiyiin ka soo jeeda maamulka Soomaalilaan mucaarad iyo muxaafadba xilligaas, taana waxay ku tusineysaa sida looga caroodey Bacadle iyo suugaantiisa la xiriirta arrimaha Samsam iyo xarigeeda.

Waxay ahaataba waxaan filayaa in aqristayaasha ay xiiso galin doonto daabacaadda labaad ee diiwaankan. Waxaase xusid mudan in suugaanta Bacadle ay dadyow fara badan u soo jeediyeen eed iyo dhalliil laga yaabo iney ku saxsan yihiin, laakiin fikirka abwaanka waa mid uu isagu ka masuul yahay, eedeemaha qaarkoodna uu garawsaday, sida ka muuqata maansooyin danbe ee uu tiriyey.

Maxamed Xuseen Macallin
Askar, Noorweey
Juun 24, 2012

 

Mahadnaq

Inta aanan u mahad celin dadkii gacanta igu siiyey diiwaankan qoristiisa waa inaan xusuusanno xadiiska uu Rasuulku (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) uu ku yiri:

[arabic-font]قال رسول الله ﷺ: ’من لم يشكر الناس لا يشكر الله.‘[/arabic-font]

Taana macnaheedu waxay tahay, “Qofkii aan ku shukrin oo u mahad naqin dadka, Ilaah kuma shukriyo.” Xaqiiqdii waxay tahay inay jiraan dad dhowr ah oo gacan, maskax, hiil iyo hooba igu siiyey soo saarista buuggaan, Ilaahayna waxaan ka baryayaa in dadkaas oo idil abaalkooda u gudo. Nasiib darro halkan kuma wada xusi karo dhammaan dadkii gacanta igu siiyey buuggan, waxaase tixgelin gaar ah mudan oo aana marna hilmaami karin dadkan hoos ku xusan:

a. Abshir Nuur Faarax ‘Bacadle’ oo ii suurta galiyey in uu i siiyo gabayadiisa inta uu hayey, isla markaana ii oggolaaday inaan uruuriyo murtidiisa qiimaha leh, waqti badanna ku lumiyey sidii uu arrinkaa ku suura gali lahaa, isla markaana wax igala qabtay inaan helo gabayada badankood sababaha ay ku baxeen iyo waqtiyadii uu curiyey, waxaana xaqiiqa ah in la’aantiis aan waxyaalo badan oo diiwaankan ku jira aan la ogaan lahayn hadduusan inoo fududaynin ujeedadooda inkastoo qaarkood ay dhibaysey.

b. Cabdullaahi Macallin Cabdiraxmaan (Abuu Usaama) oo qayb weyn igala qaatay ururinta iyo fahamka waxyaalaha dahsoon oo ku soo arooray gabayada. Waxaana oran karaa, muddo aad u badan ayuu igala shaqeeyey diiwaanka dhammeystirkiisa, dhiiri galin wayna waa uu igu beeray. Waxaa kaloon iloobi karin kaalinta ay ka qaadatey soo guurinta gabayada qaarkood Raxmo Maxamed Cali (Ummu Usaama) oo ah afada Cabdullaahi Macallin Cabdiraxamaan.

c. Cabdikariim Cismaan Cibaar oo isaguna ina siiyey gabayo badan oo uu qoray kana soo guuriyey cajaladaha. Waxaana oran karaa gabayada aan ka helay Cabdikariim Cibaar waxay ii suurto galisay inaan ka saxo gabayada aan horey u helay oo aan barbardhigey.

d. Waxaa isaguna mahad gaar ah mudan Sheekh Jaamac Cumar Ciise (Alla ha u naxariiste), oo igala taliyey arrimaha qaarkood, iguna sharfay inuu hordhig u qoro diiwaankan.

e. Sidoo kale waxaa mahad is ka leh Dktr. Shariif Saalax Maxamed Cali (Alla ha u naxariistee) oo wax badan aan ka faa’iidaystay gaar ahaan, taariikh nololeedkii shakhsiyaad muhiim ah oo ku soo arooray diiwaanka iyo isagoo igu dhirri galiyey dhammaystirkiisa, maskax badanna igu kordhiyey kuna sharfay buuggaan milicsi uu kaga hadlayo aragti suugaaneed oo xeel dheer.

f. Waxaa kaloo mahad mudan oo aanan marnaba hilmaami karin Faadumo Cali Aadan oo gacan igu siisay buuggan, gabayada qaarkoodna wax ka qortay, ka dib markii ay cajaladaha ka soo guurisay, isla markaana ii suuro galisay jawi wanaagsan, marwalbana igu boorin jirtay dhammaystirka diiwaanka intaanu degganayn magaalada barakaysan ee Makka al-Mukarrama.

g. Axmed Sheekh Cabdixamiid oo isaguna gacan buuxda naga siiyey ku garaacidda buuggaan kombyuutarka, aadna
isugu howlay inuu hagaajiyo hawshaa.

h. Cabdinaasir Xuseen Cali (Abtiile) oo isaguna qayb aad iyo aad u wayn ka gaystay garaacidda Diiwaankan iyo dhammaystirkiisa marxaladihii danbe isaga iyo bahda Machadka National Computer Institute.

i. Sheekh Maxamuud Foolweyn oo isagana qayb weyn ka qaatay caddaynta meelo iyo rugo soo arooray. Gabayada iyo fasiraadda ereyo daahsoon, isla arintaa waxaa qayb iga siiyey Shiikh Axmed Xaaji Maxamed Cismaan (Axmed Imaam) oo labadooda aan ku wada nooleen Makka al-Mukarrama.

j. Waxaa iyaguna mahad iska leh ardadii wax ka baranaysay Jaamacadda Umm Al-Quraa ee ku taalla Makka al-Mukarrama ee dalka Sacuudi Carabiya, kuwaas oo muddadii aannu wax ka baranaynay iga caawiyey guurinta iyo qoridda gabayada qaarkood, gaar ahaan: Maxamed Sheekh Xasan Faqi (Qoryooley), Xassan Dhaqane (Ugaaska) iyo Maxamed Xaaji Cabdi (Afgooye), Ilaahay dhammaantood ha ka abaal mariyo.

k. Ugu danbayntii waxaa mahad leh Madbacadda Shirkadda Skaansom oo suurtagalisay inay soo saarto buuggan, gaar ahaan qoraaga weyn Maxamed Shiikh Xasan oo howl badan ka gaystey sixitaanka iyo isku dubaridka daabacaadda labaad ee buugga.

 

Milicsi

DIIWAANKA ABSHIR NUUR FAARAX “BACADLE”
Waxaa ii sharaf ah inaan ka qaybqaato faallada Diiwaanka Abshir Nuur Faarax, isku dubbaridkiisuna leeyahay baare Sheekh Maxamed Xuseen Macallin. Diiwaankan kuma ekeyn karno hal-abuurka Abshir Bacadle, oo waa ka baaxad wayn yahay. Noocyada qaybta tixda loo yaqaan haatan, kuwa badan ayaa kaga jira. Sidaa awgeed Diiwaankan waa muunado ka mid ah hal-abuurka Abshir. Diiwaankan waxaynu ka helaynaa maansada qaybaheeda kala duwan sida jiiftada iyo geeraarka, guurow, shirib, salsal iyo habab kale oo murtiyaysan. Diiwaanka waxaa ku badan maansooyin aad u dhismo wanaagsan, oo mindhaa gabayaagu aad ugu dhalaaliyay dareenkiisa hal-abuurka leh, ama jawi khaalis ah uu ku keli noqday, sidaana gabayadiisa ku sameeyay. Abshir wuxuu mideeyay shirib, guuroow iyo guluulucyo kale oo ku socda af-guri, iyo maansooyin lagu tiriyay lahjadaha Woqooyiga, kuna caan baxay hal-abuurka maansada. Waana arrin aad u riyaaqid mudan, taasoo ay sabab u tahay bulshada kala lahjadaha duwan, uu muddo badan ku dhexnool yahay. Isla waqtigaa arrintan waxay caddaynaysaa hal-abuurka tixda Soomaalidu inuusan wali tirokoobnayn. Inta haatan la tilmaamana ee qaybaha tixda, si nintooxsi ah loo go’aansaday, ama loo go’doomiyay. Tusaale ahaan suugaanta tixda iyo tiraabta afka Maay lama diiwaangelin, sida GAARKA (u dhigma geeraarka) BEELEY, TUUGSI (Jiiddadu ku qaaddo lahjada Maxaa Tiri, una dhow guurowga), GOLOLOW, WEGLE (Halkan loola jeedo Gabayga lo’da ama Baytanka), ADARTA (oo ah suugaan la socota SHABALKA, kana mid ah jaadadka Waalada), JIIB iyo noocyo kale oo tixda ka mid ah. Sida la ogyahay Af-Soomaaligu wuxuu ka kooban yahay lahjado yerehe kala duwan, oo isku jirrid ah, isna buuxiya, xagga micnaha ereyada, oo goobaab qur ah ku wada jira, ama sidaynu ku sifaynay GARAANGARAN. Waxaana habboon suugaanlayda Soomaaliyeed inay u dhug lahaato hodontooyadaa luqadeed ee dalkooda, soona shaac-bixiyaan, mar allaale ay taasi u suurtagasho. Sidaa awgeed Abshir Nuur ku dayasho iyo qaddarin ayuu naga mudan yahay. Dad badan oo waqtigakan jooga, ama aad u tirabadnaa qarnigaynu ka soo gudubnay, waxay ku doodaan in haddii gabaygu ku abbaarnayn dhaqanka iyo dcegaannada miyiga, uusan noqon karin mid asiili ah, oo ka baxsan hannaaanka quruxda fanka [Suwar al-Jamaaliya li al-Shicr].
Sida Abshir arrintaa loogu dhaliilay waxaa hore loogu dhaleeceeyay Cabdullaahi Suldaan Timacadde (siduu Boobe ku xusay buuggiisa Gabayadii Timacadde). Waxay ila tahay Abshir dhaliisha la doonayo in lagu tiro inaysan ahayn mid dow ah. Maansooduhu waa inuu sugan yahay. Haddii gabaygaagu, ama af-maal kaleba, isgoo magaalo jooga hal-abuurkiisu ka beyro nolosha iyo deegaanka. uu sida joogtada ah ugu sugan yahay, wuxuu noqonayaa mid ku jira riyo soo jeed. Wuxuu gabayaa kaalinta hormuudnimo uu bulshada ku leeyahay, 50 sano iyo waqti kor u dhaafayaa yay suugaantennu nolasha deegaannada miyiga, masrax iyo murtiyeen kaleba, ay dheehaysay. Caqligal ma aha in gabayaa Carbeed xilligan jooga, ama xitaa kuwii joogay qarnigii tegay, laga sugo maanso ku dherersan, xagga afkaarta, dhaqanka iyo deegaankaba, tii uu tirin jiray Al-Mutannabbi, Al-Xariiri. Bal iyagu hadalkoodba daa kuwii joogay casriyadii ka horreeyay. Way habboon tahay qaddarinta suugaanta ay dhaafeen hal-abuuriyaasheennii hore ee ku noolaa deegaanadii miyiga. Hayeeshee, gabayaaga iyo tix dhisaha kale waqtigan jooga waa inuu u horseedaa, aragtidayda, abuuris suugaaneed oo tayo iyo murti leh oo beegsaneysa waaqica bulshada, iyo isbeddal nololeedka wanaagsan ay tiigsanayso. Abshir waxaan ku qaddarinaynaa inuu abbaaray hilinkii toosnaa, oo runta ahaa. Wuxuu farta ku fiiqay walbahaarka bulshada, sida arrimaha dib-u-heshiisiinta, sicir bararka, lacagta been abuurka ah, burburkii dalka iyo aafada qaadku keenay, ay weheliyaan arrimo kale, oo haatan jira, oo wada kul- kulul. Masaa’ilka diineed oo ah dhuuxa gabayada iyo taxanaha kale uu diiwaankan koobayo, aragtidayda, Illaahay unbaa haya xaqiiqada maknuunada ah. Hab dhaama ma jiro fariddi Ilaahay ina faray “Billatii hiya axsanu.” Maantoo Muslimka jarribaadyo kala duwan lasoo gudboonaadeen, xikmaddu waxay ku jirtaa siduu iftaynayo callaamada wayn Dktr. Yuusuf Al-Qaradaawi, “Saxwadu wax weyn ayay gudi kartaa hadday awoodda howlgalkeeda ururiso, kana bayrto asraartan. Inay wax midayso oo ay kala dhantaalin, iyadoo la abbaarayo arrimaha dhuuxa ah ee guud iyo kuwa jiritaanka ummadda la xiriira, halganka gaarka ahna laga gudbo. Waa in lagu tuuntuunsado waxa dadka midaynaya, lagana saremaro khilaafka.” [Al-Islaam, bogga 193aad]
Bulshadeenuna kama ay maarmi karto ku wada noolaansho nabadeed. Isku dubbaridaha Diiwaankan, saaxiibkey Sheekh Maxamed Xuseen Macallin aad ayuu u dadaalay. Waxaa qaddarin gaar ah mudan hawaamishta sida cilmiyaysan loo uruuriyay, oo loola kaashaday baaris-cilmiyeed qoto leh. Dadaalkiisaas oo noo saamaxaya inaan “halaqjaflaysanno” qaybo ka mid ah kitaabka TARAAJUMTA uu ku howlan yahay muddo dheer, aan rajaynayo inuu soo if-baxo waqti aan fogayn.
Waxaan curiyaha iyo ururiyaha Diiwaankan u rajaynayaa in Ilaahay dadaalkooda ajar iyo sawaab ka siiyo.
Huwa nicmal-Mowlaa waa nicman-Nasiir!

Shariif Saalax Maxamed Cali
Muqdisho, Soomaaliya
Juun, 1999

 

Hordhigga 1aad

Abshir Nuur Faarax Abshir-Bacadle sheekadiisa iyo gabayadiisa oo la hadal hayo waxaan maqlay 1984kii anigoo jooga magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga. Muddo ayaan maanka iyo maskaxda ku hayey in aan Abshir Bacadle barto. Sida runta ahna maalin kasta waxaa maskaxdayda ku soo dhacaayey, xusuusna igu reebtay hal murtiyeed gabay, ee Abshir xilligaa mariyey uu dhex taal uga dhigay oo ahaa:
Gablan talo adduuney maxay galabba heer joogtay.
Abshir Bacadle waxaan si sahal ah u bartay 1986kii, waxaanna ku arkay inuu yahay nin bashaash ah oo waji furan kaftanlow ah, maahmaah iyo sheekada gabayadii raggii hore u jeelan, dabeecad dadka soo jiidata leh. Isweyddiin mayno qiimaha iyo qaayaha gabaygu dadkii hore la lahaa iyo sida gabaygu bulshada Soomaalida u saameyn jirey ama heerka ninka gabyaaga ahi dadkii hore ka joogay sida loo tixgelin jirey iyo maamuuskii iyo qaddarintii bulshada dhexdeeda ku lahaa meel uu joogaba.
Abshir Bacadle waa gabyaa Soomaali ah samaha iyo wanaagga jecel dhaqanxumada wax yaalaha dhul shisheeye nooga yimi neceb, waddani dalkiisa daacad u ah, diinta Islaamka in lagu dhaqmaa jecel, labadaa arrimoodna u halgama, taasina waa dabeecad gaar ah oo bulshada Soomaalidu meeley joog taba ku talaalan.
Sida badan gabayada Abshir ee diiwaankan ku qoran oo uu isu duwey Maxamed Xuseen Macallin guud ahaan waxay sawir taariikheed ka bixinayaan hab dhaqankii Soomaalidii hore iyo xeer dhaqameedkeedii iyo waxyaabaha diin la moodda loo qaatay oo aan Kitaabka Rabbi iyo Sunnaha Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) ku jirin, gaar ahaan geeddi socodkii dawladihii Soomaalida ee kala dambeeyey iyo sababihii qaran jabkii Soomaaliya keenay.

Aw Jaamac Cumar Ciise
Nayroobi, Keenya
Luulyo, 1999

 

Hordhigga Labaad

Ilaa iyo xilligii uu qoraalka afka Soomaaligu hirgalay sannadkii 1972kii waxaa dadaal fara badan loo galay ururinta iyo qorista taariikhda, dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida, taas oo sababtay inay aqoonyahanno Soomaali iyo shisheeye isugu jiraa dadaalkooda ka midho dhaliyaan, waxaana suura gashay in la daabaco kutub hanaqaaday oo afkeena hooyo ku qoran iyo kuwo kale oo afaf shisheeye lagu turjumay, waxaa kaloo jirey qoraal suugaaneedyo dhawr boqol kor u dhaafay oo aan la daabicin kuna kaydsanaa Akadeemiyada cilmiga, fanka iyo suugaanta, qoraaladaas oo markuu dagaalka sokeeye dalka ka qarxay wax lumay iyo wax baaba’ay u qaybsamay.
Khasaarahaasina wuxuu dadyoowga wax-garadka ah ee qiimaha aqoonta wax ka yaqaana ku reebay caloolyow iyo uur-kutaallo sababtoo ah waayo-aragga Soomaaliyeed waxay arkayeen abwaaniinta iyo taariikhyahanadii cilmigan lumay maankooda laga soo dhuray oo sii dabar go’aya., si kastaba arrintu ha ahaatee in kastoo uu khasaare ballaadhan iyo dib udhac ay sida looga soo kabtaa adagtahay suugaanta Soomaalida ku habsaday haddana rag talo kama dhamaatee waxaa noo muuqda dhaq-dhaqaaqyo ay gadh wadeen u yihiin shaqsiyaad guntiga u maroorsaday inay caano daatay dabadaa la qabtayee wax bad-baadiyaan, dadkaas waxaa ka mid ah dhalinyaro nasiib u yeelatay inay suugaantooda iyo dhaqankooda hufan fahmaan isla markaana isu xilqaamay in ay uruuriyaan oo qoraan suugaanta Soomaalida.
Haddaba, haddii aan ujeedadayda u gonda dego waxaan soo joogay qoraha diiwaankan Maxamed Xuseen Macallin oo dadaal ba’an ugu jira baadidoonka suugaanta Soomaalida taasoo ay ka dhalatay inuu ururiyo agab badan oo uu ka mid yahay diiwaanka Abshir Bacadle oo uu qoruhu u guntaday xilli ay dalkeena iyo dadkeenuba xaalad qalafsan ku sugan yihiin.
Maxamed Xuseen waxaan aqaanay muddo dhawr sano ah oo ku beegnayd markii uu ku dhex jirey cilmi-baarista guud iyo midda diiwaankan ku saabsan, waxaana intaan aqaanay iiga muuqday karti iyo dadaal fara badan iyo isagoo cilmi-baarista geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay, diwaankanina waa maxsuul ka mid ah midhaha ka dhashay dadaalka Maxamed.
Waxaa lagama maarmaan ah inay dhallinyarada Soomaaliyeed iyagoo xooggooda cusub iyo aqoontooda ka faa’iidaysanaya ay guntiga dhiisha isaga dhigaan sidii ay suugaantooda, dhaqankooda iyo taariikhdooda u daba qaban lahaayeen, sidoo kale waxaa loo baahan yahay in dhalinyarada uu Maxamed Xusecn ka mid yahay ee dib u uruurinta dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida u heellan dhiiri-gelin iyo taageero wax ku ool ah lala garab istaago.

Brofesoor Maxamed Cabdi Maxamed ‘Gaandi’
Nayroobi, Keenya
Luulyo, 1999

 

Gogol Dhig

Ummad waliba waxay leedahay suugaan iyada u gaar ah oo ay ku faanto, suugaantaas oo ay ku cabbirto ujeedadeeda, dareenkeeda iyo waxa ay rumeysan tahayba. Ummadda Islaamka ahina waxaa u gooni ah suugaanno diini ah oo ku fadhida caqiidadooda taas oo badanaaba ka duwan kuwa shacuubta aan Islaamka ahayn, lehna saldhig iyo tixraac fac weyn oo marjac ah. Suugaantuna waa muraayadda bulshada laga daawado, dhan kastaba ha ahaatee waxayna u kala baxdaa tix iyo tiraab. Ummadda Soomaaliyeed waxa ay ka mid tahay ummadaha Muslimka ah ee ku baahsan dunida daafaheeda, oo gobollo waawayn deggan.

Sida horay loo yirina, “Soomaalidu waxay leedahay af ballaaran, lehna erayo aad u badan, dhan loo eegaba hadal iyo howraar, maanso iyo maahmaah, gabay iyo geeraar, masalo iyo madadaalo, hees iyo heelo, sheeko iyo shararraaxin, qorriin iyo qun-u-hadal.”

Annaga oo aan halkan ku dheeraanaynin ka warranka suugaanta Soomaaliyeed heerka iyo taariikhda ay soo martay, haddana waxaa lagama maarmaan ah inaan xoogaa aannu ka iftiiminno, qaybaha iyo tilmaamaha ay leedahay suugaanta Soomaalida oo aad u qoto dheer, soona martay marxalado kala duwan, marxalad walbana waxay lahayd astaamo iyada u gaar ah, taana waxay ku xirnayd hadba xilliga iyo daruufta ay ku sugnayd Soomaaliya, tusaale ahaan, xilligii ka horreeyey Islaamka qaab gooni ah ayay lahayd suugaanta Soomaalida, laakiin markii Islaamku dalka iyo dadkaba soo gaaray, oo ay qaateen diinta Islaamka uu Eebbe weyne ku soo dejiyey Nebi Muxamed (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee), way ka duwaneyd inta ay dadku rumeysnaayeen waxyaaabo kale, sidoo kale suugaantii iyo murtidii jirtay xilliggii isticmaarka ka horreysay lama mid ahayn xilligii ay bulshadu ku jirtay xornimo raadis iyo la dagaallan gumeysi, si loo helo gobonnimo, madaxbannaani iyo xorriyad.

Si kastaba ha ahaatee suugaanta waa irrid ama kadin u furan bulshada soo aaddana fac ama kacaan kastaa ha ahaatee, oo ay dadku wax ku darsadaan, taasina waxa ay u baahan tahay xeelad gooni ah iyo fiiro gaar ah, si loola soo baxo waxa dhabta ah, loona hufo waxyaalaha diiwaangashan oo qiiqa saaran. Maskaxda furan oo caafimaadka qabtana waa tan kala sooci karta waxa dhabta ah iyo waxaan ahayn.

Ereyga suugaan markii miyiga la joogay waxay Soomaalidii hore ay u taqiiney dhawr macne oo kala duwan, mar suugaan waxaa loo yaqiinay madowga dhirta; oo ninka sahan ka yimaaddaa markuu meel doogle soo arko wuxuu odhan jirey meel heblaayo suugaan bay leedahay.

Mar kale dadka qaarkii wuxuu u yaqaanney hadalka gunuunuska ah ee aan ujeedadiisa si fiican loo garanayn; oo waa tuu ninkii maahmaahay yidhi, “hilib sooryo maaha; doqoni sokeeye maaha; suugaani hadal maaha.” Waxaase suugaani ku caan ahayd, oo carrabka dadku u badnaa in ay tahay hadalka dhaqan-galka ah ee dhuuxa iyo murtida leh.

Erayga suugaan waxaa kaloo loo isticmaali jiray in uu yahay, “dhadhansi,” oo marka la yiraahdo suugaanso la macna ah, “hadalkayga dhadhanso,” ama “cuntada dhadhanso,” taana waa mid la xiriirta dareemayaasha qaarkood. Waxaa kaloo waagii hore loo aqoon jiray suugaan cawska yar oo qoyan oo ku hara geedaha hoostooda marka uu roobku da’o, cowskaana waa mid ka duwan cawska kale ee qalalan ee ka baxa geedaha agagaarkooda, ama waxaa la oran jiray cowska qoyan oo ka baxa meel cowska qalalan ku yaalay markaana noqday mid dhaf ah markii uu roobka ku da’ay meeshaas.
Waxaa kaloo suugaani loo aqoon jiray in ay tahay hadalka dabacsan oo daciifka ah oo cabsidu ku jirto, sida laga fahmayo tuducyadan ka mid ah gabay uu mariyey Raage Ugaas:

Nin maalintaa kaa siteen laga sad qaadaynin
Suugaan hadal ah baa loo celshaa laguma sooyaansho.

Dadka qaarkood suugaanta waxay u yaqaanaan neef ka mid ah riyaha oo aan cayilnoonayn waxayna yiraahdaan neefka noocaas oo kala ah: neefka waa suugaaneeysan yahay, tabardaran yahay, waa caato.
Laakiin marar kale ayaa waxaa loo adeegsaday inay erayga suugaan inuu la toodyahay faras layli ah, sida ku timid gabay uu tiriyey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan:

Suugaan darmaan iyo ragaan salab u dhiibaayey
Raggaan sumaca maadhiinka iyo saanada u buuxshay.

Meeshana wuxuu u adeegsaday Sayidku erayga suugaan in uu yahay faras layli ah oo darmaan oo nooca fiican ah.

Run ahaantii suugaanta Soomaalida waxay sal dhig wayn u tahay raad raaca taariikheed ee aynu leenahay.

Suugaanta guud ahaan waxay u kala baxdaa tix, tiraab iyo maahmaah, tixduna waxay abwaaniinta Soomaaliyeed oo si qoto dheer u baaray u kala saareen maanso iyo heeso. Haddii aan soo qaadanno heesaha oo qeybo iyo ujeeddooyin badan leh, mar walbana isbeddel ku dhacayey, waxna ku kordhayeen, taana ay la xiriirto hadba xilliga iyo garaadka ay marayso bulshada, waxaana arrintaas kuu caddeenaya qaybaha heesuhu u kala baxaan oo kala ah:

  • Hees diineed (Nebi ammaan iyo wixi la mid ah)
  • Hees waddani
  • Hees howleed (beer, xoolo, raro, badda, masago tumid)
  • Hees horukac
  • Hees jacayl
  • Hees ugaareed
  • Hees carruureed
  • Hees anaaseed (waa heesaha dadka samaanyaha qaata marka ilmuhu dhashaan gaar ahaan wiilasha)
  • Hees ciyaareed
  • Hees ruuxi sida: shixir, mingis, saar, beebe, luumbi, boorane ama ayaaman iyo xayaad
  • Hees maamuus (sida dhaanto, baxdo, hirwo, eeho, shirib, gabley shinbir, beerrey, shoobo, kabeebey)
  • Hees dagaal (sida rukus iyo rigo)

 

Dhinaca kale haddii aynnu jalleecno dhanka maansada oo ka kooban qaybo kala duwan, qayb walibana raad weyn ku leh suugaanta Soomaaliyeed, sida ay u kala sarreeyaanba, xagga ku baahsanaanta bulshada iyo tayadaba, waxaana jirta in qayb ka mid ah qaybaha maansada ay noqoto mid ku firirsan dhammaan bulshada iyo deegaannadooda, islaamarkaasna qaybo kale ay go’doon ku yihiin degaan iyo bulsho gaar ah. si kastaba ha ahaatee maansada Soomaaliyeed oo qeybo badan ka kooban waxaa ka mid ah:

  • Gabay
  • Geeraar
  • Masafo
  • Jiifto
  • Weglo
  • Guurow
  • Buraanbur
  • Jiib
  • Saar heer

Gogoldhiggaan degdegga ku jira micnihiisu ma aha inaannu dhammaan maansada Soomaalidu leedahay aan mid mid u falanqeyno, oo aannu wax ka tilmaanno maanso waliba astaamaha ay leedahay iyo waxa ay la kali tahay, balse ujeedddadu waxay ku foorartaa inaannu wax ka niraahno qaybta aannu u aragno iney tahay midda ugu muhiimsan oo laysku raacsan yahay iney tahay horyaalka maansada, marka laga eego degaanno badan oo bulshadu ku baahsan tahay, maansadaas oo ah gabayga.

Waxaana xaqiiq ah in gabaygu uusan hormuud u ahayn suugaanta Soomaalida oo kaliye, laakiin ummado kale suugaanadooda iyo maansadooda uu u yahay hoggaanka suugaanta, sida suugaanta ummadaha Carbeed oo gabaygu baal dahab ah kaga jiro, ha ahaado waqtiga Islaamka ka horreeyay ama casrigii ku xigay ee Islaamka, haba soo maro marxalado kala duwan iyo duruufo kala gooni ahe.

Haddii aannu u soo noqonno gabayga kaalinta uu kaga jiro suugaanteenna, waxaa qof waliba oo garaad suugaaneed leh ogyahay in gabayga iyo gabyaaguba ay qiimo aad u weyn leeyihiin, aadna looga tix gelin jirey bulshada gudaheeda, ninkii Ilaahay hibo gooni ah u siiyayna dadka kale waa uu ka soocnaa, waana la tixgelin jiray, sideeda gabyaagu maamuus gooni ah ayuu lahaa oo aanay cidi la wadaagin, maxaa yeelay howlo aan laga maarmin oo waagii hore dadka ay u baahnaayeen ayuu u qaban jirey gabyaagu iyo gabaygiisaba, taana waxaa ka mid ah inuu kaalin weyn ka ciyaari jirey dagaallada haddii ay dhacaan oo uu ku howl lahaa dhiirro gelinta iyo ku boorrinta dagaalka, ama u dhawaaqidda nabadda, marna waxaa uu u ahaa ummadda oo uu u joogey kaalinta wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta bulshada dhexdeeda.

Hawlaha gabyaagu uu gabaygiisa ku qabto aad ayey u badanaayeen hadba waxay ku xirneyd aragtida iyo dareenka uu qabo, waxaa dhacaysay in gabyaaga Soomaaliyeed uu kala qayb gali jirey gabaygiisa murugada iyo dhibaatada haysata bulshada sida roob doonka oo uu Ilaahey gabay ku baryi jirey gaar ahaan marka uu jiilaal aad u daran dhaco. Marka ay raynreyn jirto oo ay bulshadu farxad iyo bash bash ku riyaaqayso waxa uu gabyaagu arrintaa ku cabbiri jirey gabay uu kala qeyb qaadanayo bulshadiisa farxaddaas. Taariikhda iyo qiimaha uu gabayga iyo gabayaagu bulshada dhexdeeda ku lahaa ama uu ku leeyahay waxaa uu abwaanka Abshir Nuur Faarax Abshir-Bacadle ka tiriyey gabay aad u qiima badan oo uu ku tilmaamayo kacdoonkii Xamar 1991kii, gabaygaana waxaynu ku soo aruurinay diiwaankan, Abshir gabayadiisaas waxaa uu ku tilmaamay taariikhda gabayga iyo heerarka uu soo marayba isagoo si tifatiran oo hufan ku muujiyey caaddifaddiisa suugaaneed.

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga yaabaa in uu qofku is weydiiyo, goormaa la curiyey gabaygii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed? Kumuuse ahaa gabayaagii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed? Waxaa aad u adag in jawaab laga bixiyo labadaa is weydiin, maxaa yeelay waxaan jirin qoraal iyo xaqiiqo caddeynaysa arrinkaa, Soomaalidana waxaa caado u ahayd in ay gabayga qaybaan oo korka ka qabtaan iyagoo aan haysan qalab warka lagu qoro ama lagu baahiyo, waxaana gabayada isugu gudbin jireen hab isku dhiib ah oo ay ku jirto xifdin, waxaana dhacaysay in gabay laga hilmaamo qeyb ka mid ah, haddii muddadu dheeraatana waxaa la arkaa in la wada hilmaamo, maxaa yeelay ma jirin af qoran oo Soomaali ah.

Xagga gabyaaga Soomaaliyeed haddii aan u leexanno waxaa jirtay abwaanno aad u tiro badan oo ay adag tahay in la tiro koobo oo u banbaxay jeedinta maansada gabayga, inta maanta aan is leennahayna waxay ahaayeen abwaanniin gabayaa ah waxaa ka badan inta ayna taariikhdu sheegin sababo badan awgeed, haddii aan aad u baarno abwaannada ku caan baxay gabayga ee beel walba oo Soomaaliyeed lahayd waxaa inoo caddaanaya dhumucda iyo tirada ay leeyihiin, maxaa yeelay beel walba oo Soomaaliyeed iyo jilib walba waxaa uu lahaa gabayaa ay ku faanaan oo iyaga difaaca ama ammaana, meelaha qaarkood oo gayiga Soomaaliyeed ka mid ah waxaa ka jiray gabayaa qoys ama reer walba. Marka qofkii isku kallifa in uu yiraahdo nin hebel ayaa ahaa qofkii ugu horreeyey waxaa laga yaabaa in uusan haleelin xaqiiqdii, maxaa yeelay ummado kale oo ku caan baxay ilbaxnimo muddo aad u fogna lahaa qoraallo da’ weyn ayaa waxaa maanta ku adag in ay xaddidaan waxaannu soo sheegnay.

Run ahaantii waxaa la tilmaamaa qaar ka mid ah abwaannadii Soomaaliyeed oo ku caan baxay gabayga, tilmaantaasna waxay ku kooban yihiin kuwa ku gabyey afka Soomaaliga gaar ahaan qeybtiisa micyaariga (Maxaa Tiriga) maxaa yeelay lahjadaha kale ee Soomaaliyeed iyo suugaanteeda waxay u baahan tahay baaritaan qoto dheer, sababtoo ah deegaannada ku caan baxay lahjadaha ay ka mid yihiin Maay, Garre, Jiido, Tunni, Reer-Xamar iyo wixi la mid ah oo ku xiriirsan koonfurta Soomaaliya waxay la kulmeen xadaaradihii iyo ilbaxnimadii Soomaaliya ka jiray badankood, taana waxay ku reebtay raad culus oo suugaaneed, nasiib xumase arrintaa waxaa aad u fahmay aqoon yahanno shisheeye oo ka diyaariyey qoraallo cilmiyeed, marka laga reebo in yar oo qorayaal Soomaliyeed ah, halkakanna kuma aannu sheegi doonno abwaaniinta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda bulshooyinka u dhexeeya labada wabi.

Gabayaaga laga tilmaamo degaanada kale waxaa ka mid ah Raage Ugaas, Ismaaciil Mire, Wiil Waal, Cismaan Keenadiid, Nuur Cali Qanof, Cali Dhuux Aadan, Qammaan Bulxan Yuusuf, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Cabdullaahi Suldaan Timacadde, Salaan Carrabeey, Cali Xuseen Xasan, Cabdi Gaheyr, Cali Jaamac Haabiil, Faarax Shuuriye, Jimcaale Jaamac Lugey, Ciise Gabay, Kulan Xasan Jurun, Shiikh Axmed Gabyow, Shiikh Xasan Filey Dheere, Jimcaale Dhagataag, Cabdulle Raage Taraawiil, Rooble Macow Rooble-Boon, Shiikh Nuur Hilowle, Shiikh Cali Cabdiraxmaan Majeerteen, Aw- Muuse, Cali Sharmaarke, Khaliif Shiikh Maxamuud, Guuleed Jucfe, Cabdi Galayax, Xaaji Ilka Dahab, Xaaji Afqallooc, Ibraahim Mire Fiqi-Buraale, Xaaji Maxamed Axmed Liibaan, Shiikh Maxamed Siyaad Xeendo, Garqaniinyo, Xaaji Indho Buur, Siciid Gacaneey iyo boqollaal kale oo badan.

Gabay kastoo la curiyaa wuxuu leeyahay ujeeddo iyo sabab loo tiriyo, abwaannada Soomaaliyeed ujeeddooyin badan oo kala geddisan ayey u curiyaan gabayga, waxaana ka mid kuwan hoos ku xusan:

  • Ammaan
  • Kaftan
  • Sarbeeb
  • Waano
  • Kuhaan
  • Xikmad
  • Cay
  • Ergo
  • Baryo
  • Farriin
  • Faan
  • Habaar
  • Jaceyl
  • Maslaxo
  • Siyaasad
  • Waddaniyad
  • Sifaale (quruxda geela, dabeecadda, haweenka iyo wixi la mid ah)
  • Diradire
  • Naftiihafar
  • Baroordiiq
  • Calaacal
  • Diin
  • Digasho
  • Guubaabo
  • Gabay-xayir

 

Waa Kuma Abwaan Abshir Nuur Faarax?

Waa Abshir Nuur Faarax Weheliye Gacal. Wuxuu u dhashay beesha Sacad ee Habargidir. Abshir wuxuu ku dhashay meesha la yiraahdo Mustaxiil oo ka tirsan dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya haysato, taariikhdu markii ay ahayd 1946kii. Abshir wuxuu ku korey agoonnimo kaddib markii aabbihiis la dilay sida uu yiri isaga:

Anoo dharabta jiifaa la yiri, dhimay adoogaaye.

Abshir waxuu ku barbaaray oo uu ku koray Mustaxiil, waxbarashadiisuna waxa uu ku bilaabey dugsi Qur’aan sida ay ahayd caadada bulshooyinka Islaamka, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.
Markii hore waxaa Qur’aanka u dhigay Macallin Ibraahin oo u dhashay beesha Hadamo ee qabaa’ilka Raxanweynta ka mid ah.

Waxaa ku xigay in uu ka bartay Qur’aanka Macallin Cumar Libaax oo reer Aw-Xasan ahaa, iyo Macallin Abuukar Mocow oo isna reer Aw-Xasan ahaa.

Kaddib Abshir waxa uu u gudbay tacliinta inteeda kale, wuxuuna ku xirmay casharadii iyo duruustii ka socon jirtay masaajidada iyo mowlacyada iyo golayaashii diineed ee kuwada firirsanaa geyiga Soomaaliyeed oo dhan, sida caadada u ahayd gaar ahaan golooyinkii ku yiil Mustaxiil iyo hareeraheeda, wuxuuna ugu horreyntii akhristay fiqiga Shaaficiga ee ka jiray deegaanka Geeska Afrika. Abshir Nuur Faarax waxuu u gudbay oo u guuray magaaladda Gaalkacyo sanadku markuu ahaa 1962kii, waxaana meeshaa dagganaa reerkii uu ka dhashay, halkaana waxa uu ku sugnaa muddo sanad ah, waxaa uuna ku iibin jiray dukaan, ka dib waxaa uu u soo wareegay magaalo madaxda dalka Soomaaliya Muqdisho, horraantii 1964kii. Halkaana waxaa uu ka bilaabay shaqada beec-mushtarka ama tijaarada xurta ah, gaar ahaan beeca hoose. Bilowgi 1967kii wuxuu ku xirmay casharradii uu bixin jiray Shiikh Nuuraddiin Cali Axmed oo u dhashay beesha Cali Saleebaan ee qabiilka Majeerteen, oo uu ka mid noqday Shiikha xertiisa, waxaana uu ka bartay tafsiirka Qur’aanka kariimka ah iyo cilmi towxiidka oo uu ku caan ahaa shiikha inuu kala hufo waxa dhabta ah iyo wixii qiiq diineed ah.

Waxaa kale uu Abshir wax ka bartay Shiikh Cabdiraxmaan Shiikh Xuseen Foolow oo reer Aw-Xasan ahaa, isla sanadkaa wuxuu billaabay nolol bulsheed ee cusub, kadib markii uu guursaday.
Abshir Nuur Faarax wuxuu caan ku yahay loona yaqaannaa magaca Abshir-Bacadle, taana waxay ku timid isagoo wax ku iibin jiray suuqii Bacadlaha Xamar ee ku yiil Ceelgaabta ama degmada Xamar Weyne.

Dhanka suugaanta Abshir wuxuu ka soo jeedaa reer ku caan ahaa suugaanta, gaar ahaan gabayada, sidaa darteed layaab malaha in uu Abshir door weyn ka qaato sugaanta. Waxaana Ilaahay hibo u siiyayna in maansada oo uu ku caan noqday. Abshir gabayga wuxuu billaabay dhallinyaranimadiisii oo uu ahaa mid isku daya curinta gabayga. Si kastaba ha ahaatee waxaa Abshir gabaygii ugu horreeyay oo la oran karo waa mid dhaxalgal ah uu curiyay sanadkii 1975kii markuu u dhashay wiilkii ugu horreeyay uuna ku samiyay shiikhiisii Nuuraddiin Cali Axmed, balse taa macneheedu ma aha in Abshir gabay uu tiriyaa uu yahay midka aannu soo sheegnay oo loogu magac daray Dardaaran inuu kii ugu horreeyay yahay. Waxaase jira gabayo kale ee uu ka tirin jiray munaasabado kala duwan, gaar ahaan xilligii uu dhalinyarada ahaa iyo wixii ka horreeyay, laakiin gabayadaa ma aysan noqon kuwo hana qaada.

Mar la weydiiyey Abshir habka uu ku curiyo gabayada waxa uu yiri, “Aniga gabayga ma heli ogi, laashinna ma ihi, gabayada curintoodana dhib ayaan kala kulmaa, waxaana laga yaabaa inaan maanso aan is leeyahay nabadda ayay wax ka tareysaa ama diinta ayay u gargaareysaa inaan habeeno u soo jeedo.”

Abshir wuxuu aad ula dhacsan yahay gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Qammaan Bulxan, Salaan Carrabey iyo Cabdullaahi Suldaan Timacadde.

Xilliyadii danbase waxaa raad wayn ku reebay gabayadii uu curin jiray Cali Xuseen Xirsi, Cabdullaahi Macallin Dhoodaan iyo Cabdulle Raage Taraawiil. Haddaan jalleecno xagga nolol bulshadeedka Abshir wuxuu guursaday dumar badan wuxuuna Ilaahay siiyay caruur badan oo isugu jira rag iyo dumarba.

 

Diiwaankan

Marka hore diiwaan waa erey Faarisi asalkiisu yahay, ka dibna Caraboobay, waxaana loola jeedi jiray meesha lagu qoro magacyada askarta iyo kuwa dawladda mishaarka (lacagta) siiso.

Waxaa kaloo diiwaan loo yiqiiney meesha iyo kitaabka lagu kulmiyay gabay qof gabyaa leeyahay.

Waxay ahaataba diiwaankan waxaannu ku soo uruurinnay gabayadii iyo maansooyinkii uu tiriyey abwaan Abshir Nuur Faarax Abshir-Bacadle oo isugu jira gabay, guurow, deeraar, salsal iyo shirib.

Run ahaantiina uruurinta diiwaankan dhibaato badan ayaannu kala kulannay, haba u badnaatee muddada dheer ee aan ku howlanaa, iyo safarradii aan u galay awgiis.

Gabayada Abshir ma aha mid si fudud loo heli karo, maxaa yeelay meelo badan oo kala duwan ayey ku kala firirsan yihiin, marka aad is tiraahdidna waad ka guul gaartay arrinka uruurinta waxaad arkeysaa in ay soo baxayaan kuwo kale, taana waxaa ugu wacan abwaanka oo wali aan ka suulin in uu soo saaro wax ka mid ah himmadiisa suugaaneed, sida uu isaguba hore u yiri:

Deeleyda maansada markaan demen ka reystaaba
Wax uun bey damqiya oo qalbigu ila dikaamaaya
Markaasaan dib ugu soo noqdaa yaanba lay dirane.

Abshir ma ahayn nin ay u qoran yihiin gabayada uu mariyay, balse waxaa dhacday in qaarkood uu ka lumeen oo aanu hadda wada xusuusneyn, taana waxay inagu qasabtay inaan dabagal dheer u sameyno wada helidda gabayada annagoo adeegsanayna xusuusteenna iyo wixii aan garaneyney maansadii uu Abshir marin jiray, iyo annagoo dib ugu noqonney cajaladihii ay gabayada ku duubnaayeen, maxaa yeelay Abshir waxaa caado u ahayd in haddii uu curiyo gabay inuu ku qabto cajalad si ay dad badan u gaarto, sababtoo ah gabayada waxay xooggooda ka hadlayaan arrimo quseeya diinta iyo kuwa faa’iido u leh bulshada, sidaa darteed gabayga uu mariyo Abshir waxaa uu u arkayay in uu yahay cashar diini ah oo loo soo jeediyay hab wacdi ah.

Laakiinse waxaa dhacday markii uu dalkii burburay oo ay ummaddii kala firirtay in cajaladihii badankood ay noqdeen kuwo luma, sida ay u lumeen waxyaabo badan oo la xiriirey aqoonta iyo tacliinta dalkeena.

Si aan u wada helno gabayada Abshir waxay kaloo nagu kalliftay in aan u noqonno wixii wax ka qoray gabayadiisa, kuwaa oo isugu jira buugaag iyo wargeysyo, tusaale ahaan shan gabay oo la xiriira nabadda iyo burburkii ku dhacay dalka waxaannu ka helnay buugga uu qoray Shiikh Jaamac Cumar Ciise oo la magac baxay Qaranjabkii Soomaliya, sidoo kale waxaan gabayo badan ka helnay qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa dalka Soomaliya, gaar ahaan kuwa ka soo baxa magaala madaxda dalka Soomaaliya ee Xamar sida wargeyska Xog-Ogaal, wargeyska Qaran iyo wargeyska Ayaamaha.

Waxaa iyadana xusid muddan in idaacadaha afka Soomaaliga ku baxa aannu ka qabannay gabayada qaarkood sida idaacadda Biibiisii Landhan, idaacadda Codka Nabadda ee Itoobiya iyo kuwa ku yaalla magaalada Muqdisho.

Laakiin waxaa ammaanadu ay ku jirtaa inaan isagana sheegno gabayo aanu ka helnay walaalkay Cabdikariin Cismaan Cibaar oo in badan dadaal weyn ku bixiyey iskuna dayey inuu ururiyo qaar ka mid ah gabayada abwaan Abshir, muddana isku howlay arintaa.

Dhab ahaantii howsha uruurinta diiwaankaan iyo isku dubbaridkiisa waxay igu qaadatay muddo badan, sideedana arrinkaa waxay igu dhalatay bishii Agoosto 1995kii kaddib markii aan la yeeshay Abshir Nuur Faarax kulan suugaaneed muddadii aan ku jiray baaridda iyo bandhigidda dhaqanka iyo taariikhda ilbaxnimada Soomaaliyeed, kuwaas oo aalaaba aan la yeelannay abwaanno iyo aqoon yahanno ku xeeldheer taariikhda iyo xadaaradda dalkeenna.

Waxay ahaataba kulankii Abshir waxaa iiga soo baxay in ay muhiim tahay in la urursho maansada xoogga leh ee uu curiyey Abshir, taas oo wax ka tari doonta caddeynta arrimo badan oo diini ah, iyo nabadeynta dadkeenna, sidoo kale waxay wax u tari doontaa kuwa baara dhaqanka iyo hiddaha dadkeena sida sida taariikhyahano, suugaanyahanno iyo wixii la maqaama.

Hawsha Diiwaanka

Run ahaantii howsha laga qabtey diiwaanka gabayadii Abshir Nuur Faarax Abshir-Bacadle ma aheyn mid fudud waxaana la oron karaa wixii loo baahnaa in laga qabto diiwaan badankeed waa laga qabtay.
Waxyaalaha lagama maarmaanka ahaa ee loo baahnaa in lagu bilo ama lagu qurxiyo diiwaanka waxaa ka mid ahaan lahaa:

  • Uruurinta gabayada oo dhan
  • Hagaajin iyo isku dubbaridid gabayada iyagoo loo kala hormarinayo hadba sida ay isugu xigaan alifbeeto ahaan, laysna raacsiinayo si tartiib ah
  • Magac u bixinta gabayada hadba wixii ku haboon.
  • Qeexidda erayada adag iyo kuwa daahsoon
  • Qeexidda erayada qalaad
  • Qeexidda shakhsiyaad daahsoon oo ku soo aroorey diiwaanka
  • Qeexidda meelaha iyo rugaha lagu sheegay gabayada.
  • In la sheego gabay kasta hortiisa haddii ay jirto sabab iyo ujeedo loo curiyey iyo waqtiga la curiyay.

 

Nooca iyo Astaamaha Gabayada Bacadle

Ugu horreyntii waxaa haboon inaannu caddeyno masaadirta ama ilaha wax laga soo xigto iyo meelaha ay ku tiirsan tahay suugaanta uu Bacadle mariyo, qof kasta oo si dabacsan u aqriya ama u jalleeca maansada Abshir waxaa u caddaanaysa in uu gabyaagu ka shidaal qaato dhowr meelood marka uu rabo inuu soo bandhigo gabay ama maanso kalaba, sida:

  1. Qur’aanka Kariimka. Waxaa si aad u xoog badan ku arkeysaa gabayada Abshir Bacadle leeyahay inay ku badan yihiin kuwo uu ku cabbirayo aayado Qur’aan ah, micnaha aayadahaas iyo waxa ay xanbaarsan yihiin oo xikmad ahba, suugaantiisa uu Ilaahay hibada u siiyey, gaar ahaan marka uu soo bandhigayo arrimaha la xiriira caqiidada waxa uu tusaaleeyaa tusaale soo maray rusushii Ilaahey iyo ummadahoodii, sidoo kale wuxuu tusaale ahaan u soo qaataa noloshii Nabigeenna Muxamed (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene) iyo asxaabtiisa sida ay caqiidada Islaamka u barax tireen. Arrintaana waxay aad innoogu caddaynaysaa marka aynu eegno gabayada ay ka mid yihiin Ma Ilaahay baan eed ka galay, Booraan Ibliisa, Doqonki Gaabnaaye, Dahabka Maaroobay iyo wixi la mid ah.
  2. Axaadiista Rasuulka iyo siirada suubban. Sidoo kale gabayada uu Abshir Bacadle mariyey waxaa aad ugu badnayd, inuu soo daliishado axaadiista Nabigeena (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) ee saxiixa ah, iyo siiradiisii sharafta iyo udgoonka badan arrintaana waa mid aad uga muuqato suugaanta Bacadle, waxaana tusaale innooga filan gabayga la yiraahdo Yaad innagu hallayn? iyo wixi la mid ah.
  3. Waaqaca, bii’adda iyo dhacdooyinka ka jira mar walba. In badan oo suugaanta Bacadle ka mid ah waxaa ay ku tiirsan tahay oo uu ka soo qaataa waaqaca uu ku nool yahay iyo bii’ada uu joogay sida ay tahay, taasoo si xoog leh ugu muuqata gabayadiisa, taana waxaan oran karnaa gabyaagu mar walba wuxuu ka tarjumayey heerka iyo xaaladda ay maraysay daruufaha ku wareegsan.

Xaqiiqdii waxaa aad ugu cad gabayada in ay heerar soo mareen, haddii aannu si fiican ugu fiirsanno guud ahaan Bacadle suugaanta uu tiriyey Bacadle oo isugu jirta gabay, guurow, geeraar, salsal iyo shirib, waxaa si caddaan ah innoogu muuqanayo in gabyaagu uu soo maray marxalado kala geddisan oo aan islahayn, ha ahaadeen kuwo dhaqaaleed, ama siyaasadeed, waxaa durbadiiba aad kuugu muuqanayo daruufaha iyo marxaladaha aan isku midka ahayn ee kala duwan oo soo food saartay gabyaaga.

Tusaale ahaan, gabayada uu ku muujinayo kuna caddaynayo towxiidka iyo la dagaalanka shirkiga iyo khuraafaadka waa marxalad hore oo ka mid ah noloshii gabyaaga, waxaana dhihi karnaa waa waqtiyadii ay gashay dacwadii uu hormoodka ka ahaa Abuu Maxamed Shiikh Nuuraddiin Cali Axmed (Shiikh Nuur Cali Colow Alla ha u naxariistee). Waxayna ahayd dabayaaqadii lixdamaadkii ilaa iyo toddobaatameeyadii dhammaadkeeda.

Marxaladda xigtay waxaannu oron karnaa waa marxaladii uu soo dhex galay gabyaagu saxwada iyo kacdoonkii Islaamka ee u badnaa dhallinyaradii wax baratay, uuna si toos ah ugu soo xirmay dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah oo ay majaraha u hayeen kooxaha Islaamiga ee aad u xoogaystay sannadadii toddobaatamaadkii ilaa siddeetamaadkii. Marka aad fiiriso gabayada ka hadlaya fidinta dacwada Islaamka, guurka, xijaabka, qaadka, xarigga iyo xabisidda ducaadda, cadowga Islaamka iyo hagardaamooyinkooda iyo wix la mid ah, waxaa kuu caddaaneysa marxaladaas.

Marxaladda saddexaad waxay tahay burburkii qaranka Soomaaliyeed oo uu goobjoog ka ahaa abwaanku, si waynna uga dhiidhiyey kuna muujiyey suugaantiisa nooc kastay tahayba, isagoo adeegsanaya soona bandhigaya malxamad iyo taxane suugaaneed oo taariikheyneysa qayb ka mid ah taariikhdeenna oo muhiim ah. waxayna suugaanta noocaas ah qiimo wayn yeelanaysaa marka aannu ogaanno in suugaanta iyo maansada astaamahaas leh gabyaagu tiriyey, ay noqoto midda ugu tiro iyo tayo badan, ugana baaxadda weyn ilaa iyo hadda ee aannu aragnay oo ka hadlaysa burburka dalka iyo wixii la xiriiray. Suugaanta aannu soo sheegnay waxay qiimo dlieeraad yeelataa marka aannu ogaanno in gabyaagu goob joog ka ahaa waxyaalihii ka dhacay waddanka oo ay ku le’deen dad iyo duunyo, gaar ahaan caasimaddii Soomaaliya ee Muqdisho.

Tusaalooyinka iyo maansada uu ka tiriyey Bacadle qaranjabka ku dhacay Soomaaliya kuma koobnayn inuu inoo soo bandhigo habka iyo sida uu qaranka iyo hantida ummaddu u burburtay oo kaliya, balse wuxuu abwaanku door wayn ka ciyaaray dib-u- heshiisiinta shacabka iyo tilmaan ka bixinta cudurka iyo dhibaatada sidaa u wayn ee ku habsatay dalka iyo dadka.

Suugaanta aanu soo sheegnay ee xanbaarsan talooyinkaa iyo wax tusaaleenta waxuu u soo jeediyey dhammaan qaybaha ay bulshadu ka kooban tahay, gaar ahaan kuwa ay khusayso arrintaa sida aqoonyahanka, culumada, ciidamada, hoggaannada bulshada, gabyaaga iyo dumarka.

Run ahaantii dhibaatadii waddanka ka dhacday kuma koobnayn mid ay u sabab ahaayeen oo kaliya dadka Soomaaliyeed, ee waxaa jiray kuwo ay gacan ku lahaayeen awoodo shisheeye oo ay ugu muhiimsanayd fara galinta shisheeye oo aannu u qaybin karno seddax qaybood:

  • Soo galintaankii ciidamada Yunisoom (UNISOM) oo uu hormoodka ka ahaa Maraykanka, dabayaaqadii 1992kii ilaa 1994kii, ka dib markii ay dalka ka dhacday dhibaato aad u xoog badan oo ay ku hoobteen nusmalyuun (500,000) dad gaaraya gaar ahaan deegaannada koonfureed, sababo colaadeed iyo abaar awgood iyo iyadoo dadka tabaalaysan ay gaari wayday sahaydii loogu talo galay.
  • Faragelinta hay’adaha gaalada ka yimid ee reer galbeedka oo aalaaba ahaa kuwo habka ay ku yimaaddiin aan ku socon, dano gaar ah awgeedna khalkhal galiya ammaanka iyo xasilloonida iyagoo taageera hoggaanada kooxaha, caburiyeyna kaalinta wax garadka Soomaaliyeed kaga aaddanayd wax qabadka dalkooda iyo dadkooda, oo hay’adahaas marar badan isku diray bulshada, qaybna ka qaatay hurinta dabka ka kacay Soomaaliya, ay dhaawacantay.
  • Weerarro ay ku soo qaadday dawladda Xabashida dhulka Soomaaliyeed qaybo ka mid ah qabsatayna, wax yeelana u geysatay ummaddeenna, iyadoo la dagaaleysa kooxo Islaami ah, garabna ka heystay kuwa Soomaaliyeed.

Arrimahaas aannu soo sheegnay gabyaagu si cad cad oo waafi ah ayuu ugu muujiyey suugaantiisa. Si kastaba ha ahaatee waxaan oron karnaa Abshir waxa uu raacay hannaankii ay ku socon jireen gabayaaga caalamka oo ah inay markastaa ku xiran yihiin bay’ada iyo duruufta ku wareegsan kuna cabbira ra’yigooda sida ay la tahay.

Gabayo badan uu mariyey Abshir waxaad ku arkaysaa inuu ku billaabanayo faan iyo ismuujin, sida dabeecadda gabayaaga Soomaaliyeed qaar ka mid ah, laakiin gabayadiisa arar dheer oo faan ah ma laho oo ulajeeddada gabayga ku illowsiiya, taana waxaan oran karnaa waxaa uu kala mid yahay gabayaagii weynaa ee Ismaaciil Mire oo tixdiisa laheyn arar dheer oo faan ah, hadday lahaatana waxay ahayd labo ama seddex tuduc, gabaygana toos buu u abbaari jiray ulajeeddadiisa.

Abshir Bacadle run ahaantii ma aha nin ka gabay badan gabyaaga Soomaaliyeed ee kale oo ay isku xilliga yihiin, laakiinse tobankii sano ee ugu dambeeyey waxuu muuqday nin gabayadiisa ay hanaqaadeen oo ay bulshadu hadal hayso mar walba, taana waxey iila muuqataa isagoo markastaba la jaanqaadayey hadba xaaladda iyo daruufaha kala duwan ay ummaddu maraysay sidaa darteed gabayadiisa waxey noqdeen kuwo dhaxalgal ah oo madhintaan ah.

Qofka u kuur gala oo si fiican u aqriya gabayada Bacadle waxaa u muuqanaya in uu gadgaddoon badan yahay, oo fikrad mar hore u aamminsanaa aad arkaysid inuu iska baddalay, sidoo kale waxaa kuu muuqanaya in arrimaha qaarkood habka uu u cabbirayo ay yihiin hab aragti gaaban gaar ahaan marka uu ka hadlayo dhacdooyinka siyaasadeed.

Abwaan Abshir Bacadle in kastoo ayna ku jirin gabaydiisa kuwa diradiraala ah oo ummadda isku dira haddana waxaad ku arkaysaa aflagaaddo ku wajahan shakhsiyaadka qaarkood oo uu wax ka sheegayo akhlaaqdooda iyo isirkooda, sida ku cad gabayada S.S.D.F, Ina Cigaal, Guuleed Fansalaq, Cantara Baqash iyo wixi la mid ah.

Gabayada Bacadle waxaa kalood ku arkeysaa caddaalad darro, gaar ahaan marka uu isbarbar dhigayo qabaa’ilka qaarkood iyo marka uu doodsiinayo Suufiyada iyo dadka ka soo horjeeda, asagoo isku qaldayo Suufiyada iyo sixiroolayaalka.

Gabayada Bacadle waxay u baahan yihiin in lagu sameeyo baaritaan weyn si loo dhuuxo murtida iyo suugaanta ay xambaarsan tahay waxeyna mudan yihiin in lagu sameeyo daraasaad akadeemi ah oo hufan.
Ugu danbeentii waxaan ka cudur daaraneynaa wixii khalad ah oo ka yimaada qoraalka buuggaan iyo cabbirka fasiraadda aragtida ay xanbaarsan yihiin gabayada aanu ku soo bandhigney buuggaan.

Maxamed Xuseen Macallin
Muqdisho, Soomaaliya
7 Oktoobar, 2002

 

Qaybta Koowaad

Diiwaanka Maansooyinkii Abshir Nuur Faarax
Abshir-Bacadle

Abshir Bacadle

Midna Haygu Xanaaqo * Midna Haygu Xushmeeyo

 

Halhays

Eray Muceed

Dab miyey sureen waa dulli aan xuma ka daaleyne
Dusha aadmigey shaabahaan ficilna duur joogta
Deggani iyo khayr lama tusoo way ka diriraane
Dabciga riibigey leeyihiin mana dareemaane
Abshir Bacadle

Dalka Afweyne inuu leeyahay qalin ku duugeene
Siyaadow na daadihidi bey dib ugu xiiseene
Dirkoodaan malaha dowladnimo daa’inba u qorine
Abshir Bacadle

Ka daroo dibi dhalbaan aragnay iyo furuqyo daacuune
Nin walbow walaalkaa dad qala how durbaan tumine
Yaan laydin dabargoyn qabiil dowlad noqon waaye!
Abshir Bacadle

Ayax bililiqoo nagu degoo diirtay beledkeena
Dagaalaan dhammaan waxaa ka roon dowlad jaa’irahe
Duqii doona ducana ugu dara waadna dilateene
Ama dowladnimo muujiyoo qurunka daaweeya
Kala doorta labadaasi waa kama danbeystiiye
Abshir Bacadle

Duruufihii na soo marey qalbiga waa damqinayaane
Allow yaa inoo diga markaan duqa ku yaaceyney
Allow yaa inoo diga markaan deriska riixeyney
Allow yaa inoo diga markaan dacarta beereyney
Abshir Bacadle

Quruun waliba cudur qaasahoo qaybiyaa jira’ e
Soomaali belo loo qoraye qalinka loo saarey
Wax qabiil ka daran jahnamaan qiray aqoonteyda
Qadartaana iga hiilisaye qolo ma sheegteene
Bacadle

Sagaashan iyo dhowr sano haddaan samo ku noolaado
Sakaraatul mood baa ku xigi subax aan dheereyne!
Abshir Bacadle

Ma anaa qabiil doorbidoo qaranka aafeeya
Maqaruurad baan calashadaa qodata beerkeyga
Waa quudka dhigo ruux Muslima hilibki qeyriine
Ilaahayow adigu haygu qaban Qaadir baa tahaye
Abshir Bacadle

Dhacdhacayga iyo khayrku ways dhinac ordaayeene
Inaan dheelli tiray baan u qabay labada dhoomoode
Wali sooma dhigan maamulkay dhagari kaa raacday
Abshir Bacadle

Ilaahayow su’aalaha qabriga aanan sixi waayin
Allow igu sug towxiidka oo Nabigi hay seejin
Siraadkiyo qiyaamana Allow haygu saran seerin.
Abshir Bacadle

Ha dhammaato waligeedna yay dhaqan carruurtaydu
Rabbi baan ku dhaafaye si wacan ha u dhaqaaleeyo
Anna waysu dhiibaye Jannada hayga dhaxal siiyo
Abshir Bacadle

Aadmiyoow garaadaha xumoo garabka kuu saaran
Haddeyan geeri kaa reebi karin ha is go’daadeynin
Abshir Bacadle

Qabyaalad iyo iimaan la’aan qooqay beys helaye
Kumanyaal qariban bay dhaleen qorina heegeysan
Oo qaaxo iyo eydis qabo qaadse ku illaawey
Mar uun bey magaalada qaseen kuna qamaameene
Abshir Bacadle

Gablan tala aduuney maxey galaba heer joogtey
Maxaa laba is gacaleysan jirey bir isla goobaaya
Maxaase laba gantaala isla dhacay gacal walaaloobey
Ala garaangar baa dunida sow lagama yool gaaro
Abshir Bacadle

Saddexleyda gooyoo Xadrada garangarta u meersha
Mar is goda mar gaar-gaarsadoo giirka kor u taaga
Isla gaabiyoo hooriyoo aha ku soo gooya!
Abshir Bacadle

Qof Muslima qabyaalad u diloon ficilyo qawl geysan
Qasadkiyo ujeedaduna tahay lagu qisaasaayo
Qbiilkaa muxuu uga dhashaye qaadir uga yeelay
Qiso murugo iyo yaab lahoo quruna sow maaha
Abshir Bacadle

Allaa mahad lahoo mudan ammaan waana loo magane
Rabbi baa musiibo iyo kheyr maamuloo wada’e
Rabbi baan mid uu kuu qadaro maaro loo heline
Rabbi baan wuxuu maago duul maanacaa jirine
Abshir Bacadle

Aadamiga manida laga khalqaye madaxa taagaaya
Oo maxalka hooyadi sagaal Mowle ku ilaalshey
Mugdigaana lagu quudiyaan maaro loo heline
Abshir Bacadle

God madow inaanu uqodnoon maro ku duuduubno
Oon madaxa ciidda u dhignaa Mowlahay qoraye
Wax ismoode laakiinse waad mala habawdeene
Abshir Bacadle

Mishiinada iswada dhaafayoon magacyo loo haynin
Mirtaan aasnay manidaan qubniyo madagti aan riiqney
Macnawiga qarsoon oo beddeli anigu ma aqaano
Ilaaheyse mahad baan u qiray kuman malaayiin ah!
Abshir Bacadle

Baddu waa masiiba iyo kheyr meel kuwada yaale
Hadba tii Alle u muujiyaa laga maleystaaye
Marjaankiyo mallaaygiyo nicmada moolka lagu aasay
Maraakiibta iyo doonyahaan kaga macaashnaaye
Imisuu miskiin iyo faqiir Mowle ka arsaaqey
Abshir Bacadle

Mucjisada la yaabka lehe ay muhatay laabtaydu
Xaddiga iyo miisaanka xaraf Qur’aan ah loo miisi
Muggiisiyo culeyskiyo xajmiga anigu ma aqaano
Ilaahayse mahad baan u qiray kuman malaayiina
Abshir Bacadle

Ibraahiim Rabbigey kuma hungeyn hadaladiisiiye
Ducadii hufneyd buu ku helay hibiyo dheeraade
Adduunyada intuu haybsadaan harac ku joognaaye
Aakhirana hoygiisa waa loo hanweyn yahaye
Abshir Bacadle

Mooryaan hubeysani beley noo horkacayaane
Hanti iyo dad hoygey galaan hal uma reebaane
Hambana kama tagaan hadafna ma leh horarka mooyaane
Haddaan laga hortegin wacad Allaad marin habawdeene
Abshir Bacadle

Hooyiyo caruurteed bed qaba odayo haasaawa
Hantidiyo naftoon loo baqeyn hadada mooyaane
Iyo hodantinimo waa markii nabad la haystaaye
Hubka inaga dhiga waxeynu nahay hooyo ubadkeede
Abshir Bacadle

Ninna horumar kuma gaari karo hilib walaalkiise
Waxaadse haybad leedahay intaad garabka haysaaye
Waa hibo Ilaahey midnimo lagu heshiiyaaye
Hubka inaga dhiga waxeynu nahay hooyo ubadkeeda
Abshir Bacadle

Allow roobka naga haqabtiroo dhibicda noo hoori
Allow beertu hilantoo miraha hoosta laga tuunsho
Ilaahow abaaraha na helay roobaan ku hilmaanno
Hana u yeelin hiirtaanyo iyo aafo na haleesha.
Abshir Bacadle

 

Roob Doon (Gabayga 1aad)

Waa maanso roob doon, Alle bari iyo duco isugu jirta. Wuxuu abwaanka Eebbe ka baryayaa inuu roob iyo raxmaad siiyo san-ku-neefle oo dhan ku naalloodo. Roob ay dhirtu ku wada magoosho oo xooluhu ka durduurtan, dallagga beeruhuna ka dhergo, ayuu abwaanka Eebbe ka tuugay. Maansadu waxay ku billaabmaysa sidan:

Ilaahoow ilaah xaqa ma jiro adiga mooyaane
Udgoonoow Rasuulkiina waa imaamu towxiide
Anaguna addoomaanu nahay kuu itaal darane
Ammuuraha adkaadoo qalbiga ololiyoo shiila
Axad kale ma aadnee adigaan kula abbaarnaaye
Arkaan iyo Shurruud baan ducada ka ambaqaadnaaye
Istiqbaalka Xaramkaan wejiga ku itijaahnaaye
Awaamiirtii Nabi Muxamed baan ku Alle tuugnaaye
Istiftaaxa ducadaana xamdiga ka ambaqaadnaaye
Salligii udgoonow Nabigaan ku ikhtitaamnaaye
Afkana waxaan ka dhowrnaa xaaraam aan ogsoonahaye
Aqbalkiyo ijaabaduna waa idin Ilaaheeye
Ahlu Dariiqo kuma uur samiyo Aw-Fulaanaduye
Ikhlaas barax la’ mooyee Shirkigu aayatiin ma lehe
Ishaay mirig lahoo waa ikhlaas Eebbow ducadaynu
Mana aaminsanin axad kaloo oonka naga gooyo
Calaacala addoon baan godnaa oo itaal darane;
Aanaa uleylkoon kacniyo thuluthul aakhiirka
Ilxaax duciyo awraadsigiyo oohintiyo taaha
Awqaada saxarkaan baryada ka istafiidnaaye
Ismullaahi cadamkaan kurbada uga adkaanaaye
Udgoonoow Rasuulkaan salligi ku ikhtitaamnaaye
Isha waaga waxaan ugu sinaa duciyo aamiine
Goortaan ilmada seyrinaad naga ajiibtaaye
Awood ma lihin iyo axad kaloon u ashtakoonaaye
Abaartiyo colaadiinna waa nagu adkaadeene
Haddii geel itaal dhigey riyana xaabki ka idlaadey
Oo idihii duufeen lo’ina oon u le’anayso
Afartiba haddey guran yihiin baladna aafoowdey
Afkaana aaney la’aadey ilmuhu hooyo ibaheeda
Ugaarta iyo cowshina mar hore Aa-Ke lagu laayay
Oo aanan aqoon bad u laheyn Eebbahay magane
Oo beertu oomane tahoo Kalli abaaroobay
Afkana aanay la aadayn ilmuhu hooyo ibaheeda
Oo ay askaax wada yihiin waa Alloow sahale
Idaacadaha gaaladu warkey ku andacoodaane
Afka nooma saaraan nimcaday ururinaayaane
Waa sidaan astaahil u lahayn iyo abaalkeene
Ictiraafnay Eebbow dambigii aafadaan dhigaye
Addoonka u martiya boqorku waa ka istixyoodaaye
Alloow naga ajiib ducada waa ooggi waabariye
Mar haddaan ilxaax kugu baryoon Eebbow ku cataabey
Ixsaankiyo fadligaan kaa bartaan Eebbow kaa sugiye
Sidii la arki jirey waa inaan ka istafiidnaaye
Aqbal suge ilmirigleynayoo ooman baan ahaye
Arxamu-raaximiinow kor baan eegayaa weliye
Ixtaajadiyo amalkaan qabana waad ogsoon tahaye
Alloow dhibicda naga oontir waa seban abaaraade
Alloow wabigu ood-goosto oo aafo ha u yeelin
Ilaahow orgigu yeero oo sucu udgoonaado
Alloow roobaan waayahaan la arag oo nakala ooda
Indho u roon Illaahoow na sii ubaxya reexaan leh
Alloow maqashu orad iyo durduro reerka ku ekeyso
Ilaahow balligu aafta dhigoo ubadku tuurtuuro
Alloow ceeshii laga oomanaa xaafku ilo duugo
Alloow saco insaarixinayiyo waylo u ordaaya
Alloow geel ilwaad quruxsanoo kuray u heesaayo
Alloow ari intuu ubax dhex maray udug na saameeyo
Afka sarena geedaha ka jaroo alalax leynaaya
Isha raaxadeed iyo Alloow waa nimca adduune
Ilaahow ergaan kuugu ahay Dhibicaan aafoobin
Alloow beertu jiho ay tahaba iba mataanayso
Ubax iyo sabuul iyo bakaar ha isu soo eegto.
Alloow dibada iib loogu dhigo sannadka soo aadan
Alloow gee abaariyo colkana Banii Israa’iilka
Islaamkiyo Ilaahow ka dhowr Ahalu Towxiidka
Ilaahayow islaax iyo heshiis aaran lagu raago
Iyo dawladaan qolo aheyn aayaddana raacda
Akhristayaalow aamiin i dhaha waa agaasimaye.

Shirib:
Intaa ka dib wuxuu Abshir Bacadle gabaygiisan ku soo gunaanaday saddex beyd oo shirib ah, waana sidatan:

Colya abaarya eed qabiil abuurkii Yuu.Es.Sii ahaa
Abaartii dadka wow urtee Ilaahoow aaran kaa udgoon
Abaarta waa astaahilnaa Ixsaanaan Eebbow kaa rabnaa.

Aanaa uleyl: Saqda dhexe ee habeenkii
Thuluthul Aakhirka: Qeybta danbe ee habeenkii
Ilxaax: Baryo ku celcelin, aad u alia tuugid
Saxarkaan: Waqtiga suxuurta, hiraaboodka
Duufeen: Cudur idaha ku dhaca oo duuf la yiraahdo
Kalli: Waa far ama gacan laga soo bixiyo wabiga si loogu waraabiyo beeraha
Ib: Waa naaska meesha ama isha caanaha ka soo baxaan.
Askaax: Wixii daadsan tabar dari awgeed
Maqal: Waxaraha iyo neylaha yaryar
Aafta: Buux dhaafo
Xaaf: Waa qashinka biyaha soo qaado
Insaarix: Araasin, isku soo ordin.
Ilwaad: Qurux
Alalax: Waa ariga markuu aad u dhargo socod wanaagiisa
Yuu.Es.Sii: Ururka USC