Ictiqaadka Muslimiinta

Caqiidatu Ahlu Sunna wal-Jamaaca

Waxaa Qoray
Allaah u baahne:
Muxammad as-Saalix al-Cutheymiin

Waxaa Af-Soomaali u Tarjumay
Allaah u baahne:
Yuusuf Cabdulcasiis Muxammad

Waxaa hordhaca leh, naqtiimayna qaybta Af-Soomaaliga
Allaah u baahne:
Cabdul-Casiis Xasan Yacquub


Islaamka wuxuu ka xoreeyey qofkiisa inuu addoon u ahaado, ka dambeeyo, isu liido, kalgaceyl dhan oo kaamil ah u hayo cidaan Allaah aheyn (SW).
Qofka Muslimka dhabta ahina waxa uu ugu hoggaansami dadka kale darajaday doonaan ha lahaadeene oo keliya waa wixii uu Alla jideeyey (SW). Hadduu cid jeclaan waa Allaah darti wuxuu u jeclaan, hadduu cid nicina wuxuu u nici Alla darti iyo ka fogaanshaha qofkaa u nici dariiqa iyo dowgii Alle, taana sababteeda waa caqiidada ah mowduuca kitaabkan.
Allaah walaalayaal wuxuu ku sharfay Aadanaha caqliga uu siiyey, si uu ugu kala saaro wanaagga iyo xumaha, kheyrka iyo sharka, ulana kaashado ogaanshaha asraarta kownka. aayadaha Allaah iyo barashada kitaabka uu soo dejiyey iyo sunnada bilan ee rasuulkuu soo diray Muxammad (SCW) iyo dhaqan gelintooda.
Waxaynu ogsoonnahay walaalayaal in dunida maanta ay la liiceyso jahli dhaqan, dulmi, xin, qowmiyad iyo qabyaaladba leh, burbur dhaqaale, fasaad, gaajo iyo faqri, cudur iwm, taana waxa weeye sababteeda, fogaanshaha dadka badidood nuxurka iyo dhuuxa caqiidada Isaamka iyo hirgelin la’aanteeda qof iyo bulshaba.
Ummad waxay ku istaagi kadhaa, horumar dhab ah iyo horukac ku gaari kadhaa waa Iimaan iyo Alla ka cabsi. Haddii taa laga waayana waxay mudan oo lagu abaal marin nolol ciriiri ah adduunka, aakhiradana cadaab adag –Allaah magantiye–, marnaba lagama yaabo in ay ummadi ka kacdo kufka, mugdiga iyo habowga ay ku jidho, inay Allaah u noqdaan mooyaane, dhaqan geliyaanna caqiidada xaqa ah.
Caqiidada Islaamakana kolka la dhaqan geliyo waxay u soo saari Aadanaha miro dhaxal gal ah, una horseedi himilooyin sare ee la higsado. Waxay ku hoggaamin qofka iyo bulshadaba Jidka toosan ee Allaah, iyo hanuun wacan. Waxaa ku tarmi Allaah idinki ku miro dhalin kheyrka oo idil, kuna jirrid iyo xidid go’i hirgelinta caqiidada sharka iyo xumaha oo idil.
Sidaa awgeed, waxaynu idiin kugu soo gudbin walaalayaal bogagga soo socda Ictiqaadka Muslimiinta iyo waxa ay rumeysan yihiin, ee ah kitaab caqiido ah uu tarjumay walaalkeen Yuusuf Cabdul-Casiis Muxammad, aniguna aan turxaan bixiyey, naqtiimay, hordhaca, daabacaadda iyo soo if bixintiisa ka shaqeeyey.

Waxaana Allaah (SW) ka baryi inuu ka abaal mariyo cid kastoo Iimaan iyo ixtisaab (xag Alla ka tirsi) uga qayb qaatay maal ama xoogba soo-saarka buuggan, ama gacan ka geysta fidinta iyo uga faa’ideyntiisa shacbiga Soomaaliyeed. Allana waa mid maqal badan, muraadka addoomahiisa sahla. Mahadna Allaah baa leh, nabad iyo naxariisna nebigeennii korkiisa ha ahaato. ehelka iyo asxaabtiisii dhammaan iyo cid kastoo xaqa ku raacda (Aami. Aamiin. Aamiin.)

Cabdul-Casiis Xasan Yacquub

HORDHAC

Mahad Alla baa leh, nabad iyo naxariisna nebigeennii korkiisa ha ahaato, ehelka iyo asxaabtiisii.
Waxaan daalacday caqiidada qiimaha leh ee Muslimiinta iyadoo kooban ee uu soo diyaariyey walaalkeen al-Callaama Sh. Muxammad as-Saalix Al-Cuthaymiin, waana wada dhageystay.
Waxay kulmisay, bandhig wanaagsanna u tahay caqiidada Ehlu Sunnaha iyo Jamaacada, gaar ahaan arrimaha la xiriira ku mideynta Allaah afcaashiisa, magacyada iyo tilmaamahiisa.iyo ilaahnimadaba, rumeynta malaa’igta Alla, kutubta iyo rusushiisa, maalinta qiyaamaha, qaddarka kheyrka iyo sharkiisaba.
Wuxuuna walaalkeen si wacan uga shaqeeyey diyaarinta buuggan iyo isku dubbaridkiisa, waxaana aan shaki ku jirin inuu kitaabkan ka faa’ideysanayo qof kastoo cilmi iyo xaq doon ah.
Kitaabkan wuxuu sidoo kale xambaarsan yahay faa’idooyin badan ee la xiriira Ictiqaadka Muslimiinta iyo waxa ay rumeysan yihiin, ee Allaah ha ka abaal mariyo walaalkeen, aqoon, hanuun iyo ajarna ha ka siiyo, kitaabkiisana ha ka yeelo mid lagu intifaaco iyo qoraalladiisa kaleba, hana innaga yeelo innagga. qoraha iyo walaaladeen kaleba kuwa xaqa raaca ee ku dhaqma, dadkana dhabbaha Allaah ugu yeera si aragtisan iyo aqoon sare leh.
Allana waa mid dhow maqal badanna.

Waxaa sidaa yiri ee laga qoray Cabdul-Casiis ibn Baaz –Allaaha dembigiisa dhaafee–, nabad iyo naxariisina Nebigeennii korkiisa Allaah ha ka yeelo, ehelka iyo asxaabtiisii.

Wuxuu Alla rasuulkiisa Muxamad (SCW) ku soo diray hanuun iyo diin xaq ah, wuxuuna caalamka u ahaa naxariis, wuxuu kaloo ahaa mid uu ku daydo qofkii cibaadeysanaya, xujona ku ah khalqiga.
Kitaabkii lagu soo dejiyey Nabi Muxamad iyo xikmadduba waxay caddeeyeen wax walba oo uu ku jiro wanaagga dadka iyo toosnida axwaasha diintooda iyo aduunyadooda, sida caqiidada saxda ah, acmaasha san, dhaqanka, akhlaaqda suubban iyo aadaabta sare, nabiguna naxariis iyo nabadgelyo Allaah ha siiyee, wuxuu ummaddiisa kaga tegey diin xaqnimadeedu caddahay oo habeenkeeda iyo maalinteeduba isku mid yihiin, oo aannu ka leexanayn qof hoogey mooyee.
Taasayna ku socotey ummaddii Alla iyo rasuulkiisii adeecday, waxayna ahaayeen kuwa ugu khayr badan dadka, kuwaasi waxay ahaayen Asxaabtii, Taabiciintii iyo intii wanaaga ku raacday, waxay hirgeliyeen oo qabsadeen shareecada iyo dariiqii nabigu falay oo ay ku qabsadeen gows-dambeedyada, iyagoon waxba ka tegin hadday tahay caqiido, cibaado, akhlaaq iyo aadaabba. Markaasay noqdeen qolada xaqa ku taagan oo garab siisa, aysanna dhibayn ciddii garabkooda ka baxda ama khilaafta ilaa amarka Alla ka yimaado, iyadoo sidaasi arrintu tahay.
Haddaba annagu –Alla mahadiye– waxaannu ku soconaynaa raadkoodii, waxaanan ku hagaageynaa meeshay mareen iyo dhaqankoodii waafaqsanaa Qur’aanka iyo axaadiista saxiixa ah, taas waxaan u leennahay xusitaan nicmada Allaah iyo caddayn waxa laga doonayo qof walba oo mu’min ah.
Alla waxaan weydiisanaynaa inuu nagu sugo annaga iyo walaalaheen Muslimiinta ahba kalimada xaqa ah, nolosha adduunka iyo tan aakhiroba, uuna xaggiisa nooga hibeeyo naxariis asagaa Wahaab ahe.
Mowduucaan – caqiidada Muslimka – ahmiyaddiisa iyo siduu ugu kala tagsan yahay ra’yiga dadku, ayaan jeclaystay inaan si kooban u qoro caqiidadeenna. taasoo ah caqiidada Ahlu Sunnaha iyo Jamaacada. waana rumaynta Alla, Malaa’igtiisa. Kutubtiisa, Rusushiisa, Maalinta Aakhiro, Qaddarka khayrkiisa iyo sharkiisa. Waxaan Alla weydiisanaynaa inuu ka dhigo camalkan mid khaalis u ah wajigiisa, waafaqsanna raalinnimadiisa, kuna anfoco addoomihiisa.

CAQIIDADEENNA

Caqiidadeennu waa: rumaynta Alla, Malaa’igtiisa, Kutubtiisa, Rusushiisa, Maalinta Aakhiro, Qaddarka khayrkiisa iyo sharkiisa.
Waxaynu rumeysannahay rabbinimada Allaaha weyn, inuu yahay rabbiga wax abuuray ee boqorka ah, maamula arrinka uunka oo idil.
Waxaynu rumeysannahay Ilaahnimada Rabbigeenna weyn, inuu yahay Ilaaha qura ee xaqa lagu caabudo, wax walba oo isaga ka soo hara oo la caabudona in xaq darro lagu caabudo.
Waxaynu rumeysannahay magacyada Alla iyo tilmaamahiisa inuu leeyahay magacyo wanaagasan iyo tilmaamo suubban, kaamil ah oo sare.
Waxaynu rumeysannahay in Alla ku keli iyo gaar yahay oo aan lala wadaagin Rabbinimadiisa, howlahiisa, Ilaahnimadiisa, Magacyadiisa iyo tilmaamahiisa. Alla wuxuu yiri:
“Alla waa Rabbiga abuuray, maamula, lehna samooyinka iyo dhulka iyo inta u dhaxaysa, ee isaga caabud, kuna samir cibaadadiisa, miyaad garan cid ku magac ah.”
Suuradda Maryam – Aayadda 65.

Waxaynu rumeysannahay siduu Allahii Casiiska ahaa yiri:

Oo macnaheedu yahay:
“Alla mooyee ilaah kale oo xaq lagu caabudo ma jiro, waana noolaha u heeganka ah, una quma danta addoomihiisa, lulmo iyo hurdo midna ma qabato, isaga ayaa leh samooyinka iyo dhulka iyo inta dhexdooda ah, qofkeebaa agtiisa ka shafeeca qaadi kara idan la’aanti, wuxuu ogyahay oo la socdaa wax walbo oo la xiriira addoomahiisa, addoomihiisu ma koobi karaan wax cilmigiisa ka mida, intuu doono mooyee. Kursigiisu waa ka weyn yahay samooyinka iyo dhulka, mana dhibayso dhowristooda waana sarreeyaha weyn.”
Suuradda Al-Baqara – Aayadda 255

Waxaynu rumeysannahay, siduu Allaahii Casiiska ahaa yiri:
“Alla waa ilaaha isaga mooye aan cid kale xaq lagu caabudin, waana ogyahay maqanaha dhici doona iyo waxa joogaba. waa naxariiste guud iyo naxariiste gaarba, waa Allaaha isaga mooyee aan cid kale xaq lagu caabudin. Waa boqor Qudduus, Salaam ah, ka hufan kana maran ceeb iyo nuqsaan oo dhan, waa Mu’min (muujiya waxay rushushiisa iyo nebiyadiisa xaq la yimaadeen, ku ayidana aayado ka marag kici dhabta risaaladooda), nabadgeliyana Mu’miniinta, Muheymin (wax walba dhowraya), Casiis (Adag aan laga lib keeni karin) Jabbaar (kaba jabanka, deeqtoonsiiya saboolka) qasbin badan, dulleeyana dadka ehlu kibirka ah iyo isla weynida weynanka iyo cadamada u saaxiib ah ee ka hufan ceeb iyo nuqsaan oo dhan, dulmi iyo xadgudub, waana ka hufan yahay, kana sarreeyaa waxay la wadaajiyeen. Alla waa kaa wax abuura, wax unka. wax masawira (wax walibuu abuuray qaab iyo suurad lagu garto u yeelay), wuxuu leeyahay magacyo wanaagasan, waxaana ku tasbiixsada ee ceeb iyo nuqsaan ka hufa inta samooyinka iyo dhulka ku sugan, asagaana casiis, ah xikmadana u saaxiib ah.
Suuradda Al-Xashar – Ayaadda 22-24.

Waxaynu rumeysannahay in Alla leeyahay samooyinka iyo dhulka. Alla wuxuu yiri:
Oo macnaheedu yahay
“Alla ayey u sugnaadeen lahaanshada cirka iyo dhulka, wuxuu doono ayuu abuuraa, qofkii uu doono gabdho ayuu siiyaa. qofkii uu doonona wiilal ayuu siiyaa, ama isugu daraa wiilal iyo gabdho, qofkii uu doonona madhaleys ayuu ka dhigaa, waana ku cilmi badan,wax walbana isagaa qaddara, awoodna leh.”
Suuradda Shuuraa – Ayaadda 49-50.

Waxaynu rumeysannahay siduu Allaha Casiiska ahaa yiri:
“Alla wax la mida ma jiraan, waana maqal iyo arag badan yahay, wuxuu leeyahay hoggaaminta samooyinka iyo dhulka, qofkuu doono ayuu irsaaqda u fidiyaa, ama ku ciriiriyaa, wax walbana waa ogyahay.”
Suuradda Shuuraa – Aayadda 11-12

Waxaynu rumeysannahay siduu Allaahii Casiiska ahaa yiri:
Oo macnaheedu yahay
Naf walba oo dhulka joogta Alla ayaa irsaaqaddeeda haya, halkay ku sugan tahay iyo halkay ku xarootona wuu la socdaa, dhammaan waxay ku qoran yihiin kitaab faahfaahsan.”
Suuradda Huud – Aayadda 6

Waxaynu rumeysannahay siduu Allaahii Casiiska ahaa yiri:
Oo macnaheedu yahay:
“Ilaahay furayaasha maqanaha dhici ayuu hayaa, isaga mooye cid kale ma oga maqanaha, wuxuuna ogyahay wixii badda iyo birriga ku jira, caleen kasta oo geed ka soo dhacda wuu la socdaa, mir meel mugdiya yaal, mid qoyan iyo mid qallalanba waxay ku wada yaalan kitaab bayaan ah.”
Suuradda Al-Ancaam – Aayadda 59

Waxaynu rumeysannahay siduu Allaahii Casiiska ahaa yiri:

Oo macnaheedu yahay:
“Ilaahay ayaa og xilliga Qiyaamahu dhici, keena roobka, wuxuuna ogyahay waxa ilma sidaha ku jira, qof ogi ma jiro wuxuu berri heli doono ama haleeli, qofna ma oga meeshuu ku dhiman doono, Ilaahay waa cilmi badan yahay waana xog-ogaal.”
Suuradda Luqmaan – Aayadda 34
Waxaynu rumeysannahay in Ilaahay hadlo. uuna ku hadlo wuxuu doono, goortii uu doono, iyo siduu doono, sida ay aayadahan Qur’aanka ahi muujin:
Oo macnaheedu yahay:
“Ilaahay Nabi Muuse la hadlid dhaba ayuu la hadlay.”
Suuradda Al-Nisaa – Aayadda 164

Oo macnaheedu yahay
“Waqti xus uu Nabi Muuse ballanteenii u yimid oo uu Rabbigi la hadlay.”
Suuradda Al-Acraaf – Aayadda 143

Oo macnaheedu yahay:
“Waxaannu uga yeernay buurta dhinaceeda midig, waana soo dhaweynnay oo la faqnay.”
Suuradda Maryam – Aayadda 52
Waxaynu rumeysannahay siduu Allahii Casiiska ahaa yiri:

18:109

Oo macnaheedu yahay
“Hadday baddu ahaan lahayd khad lagu qoro hadalka Ilaahay, baddu waa dhammaan lahayd iyadoon hadalka Ilaahay dhammaan – iyo awaamirta ka soo fula.”
Suuradda Al-Kahaf – Aayadda 109

Wuxuu sidoo kale Rabbigeen yiri:

31:27

Oo macnaheedu yahay:
“Haddii waxa dhir dhulka ku yaal qalmaan laga dhigo. toddobo badood oo isku furanna khad laga dhigo, si loogu qoro hadalka Ilaahay, hadalka Ilaahay dhammaan maayo, Ilaahay waa Casiis Xakiim ah.”
Suuradda Luqmaan – Aayadda 27

Waxaynu rumeysannahay in hadalka Ilaahay ugu run badan yahay hadallada, xeerarka iyo qawaaniintiisuna ugu caadilsan tahay, cid ka sheeko wanaagsanina ayan jirin. Alla wuxuu yiri:

(وَتَمَّتْ كَلِمَتُ رَبِّكَ صِدْقًا وَعَدْلًا)

“Rabbigaa hadalkiisu wuxuu ku idil yahay run iyo caddaalad.”
Suuradda Al-Ancaam – Aayadda 115

Sidoo kale wuxuu yiri:

(وَمَنْ أَصْدَقُ مِنَ اللَّهِ حَدِيثًا)

“Yaa Alla xagga warka kaga run badan!”
Suuradda Al-Nisaa – Aayadda 87

Waxaynu rumeysannahay in Qur’aanka Kariimka ahi hadalkii Alle yahay, oo uu dhabnimo ugu hadlay, una soo dhiibay Malag Jibriil, Jibriilna ku soo dejiyey Nabiga qalbigiisa naxariis iyo nabadgelyo Allaa ha siiyee.
Alla wuxuu yin:

Oo macnaheedu yahay:
“Ku dheh Nabi Allow: ruuxul qudus (Jibriil) ayaa Rabbigaa xaggiisa dhabnimo uga soo dejiyey Qur’aanka.”
Suuradda Al-Naxal – Aayadda 102

Sidoo kale Alla wuxuu yiri:

“Ku dheh Nabi Allow, Qur’aanku waa kii Ilaahay soo dejiyey, ruuxul amiinna (Jibriil) ku soo dejiyey qalbigaaga, si aid uga mid noqoto kuwa dadka u diga, Qur’aankaas oo lagu soo dejiyey af-Carabi bayaan ah.”
Suuradda Al-Shucaraa’ – Aayadda 192-195

Waxaynu rumeysannahay in Ilaahay kor jiro (samada) oo uu ka sarreeyo carshiga kagana korreeye khalqigiisa daatadiisa iyo sifaadkiisaba, waxaana u daliil ah aayadahan Qur’aanka:

Oo macnaheedu yahay:
“Ilaahay waa sarreeyaa waana weyn yahay.”
Suuradda Al-Baqara – Aayadda 255

Sidoo kale Alla wuxuu yiri:
“Ilaahay waa Qaahirka ka saro ahaaday addoomihiisa waana Xakiim xogogaal ah.”
Suuradda Al-Ancaam – Aayadda 18

Waxaynu rumeysannahay siduu Allahii Casiiska ahaa yiri:

Oo macnaheedu yahay:

“Rabbi samooyinka iyo dhulka wuxuu ku abuuray lix maalmood, kaddibna wuxuu sare ahaaday carshiga korkiisa, isagoo halkaa ka maamulaya umuurta uunka oo idil.”
Suuradda Yuunis – Aayadda 3

Sare ahaanta Alla carshiga – samooyinka ka shisheeya – uu sare ahaaday waa daatadiisa oo sarraysa sarrayn gaar ah, una qalanta weynankiisa iyo cadamadiisa oo qaabkeeda isaga mooyee cid kale aanay garaneyn.
Waxaynu rumeysannahay in Ilaahay kor jiro (samada) cilmiga iyo aqoontiisana kula joogo khalqigiisa isagoo carshigiisa ka sarreeya. uuna og yahay axwaashooda, oo uu maqlayo hadalkooda arkayona waxay samaynayaan maamulayona arrimahooda, oo uu irsaaqayo kan saboolka ah, kan jabanna kabayo, Ilaahay boqortooyada ciddii uu doonuu siiyaa, ciddii uu doonana waa ka qaadaa, ciddii uu doono cisi iyo sharaf ayuu siiyaa, ciddii uu doonana waa dulleeyaa, khayrkuna gacantiisuu ku jiraa, wax walbana isagaa awooda. Ilaaha sidaas xaalkiisu yahay waa inuu xaqiiq ahaan khalqigiisa la jooga, isagoo dhab ahaan samada jiro, carshigiisa ka sarreeya. Alla wuxuu yiri:

“Ilaahay cidna uma eka, waana kaa maqlaya oo wax arkaya.”
Suuradda Shuuraa – Aayadda 11

Oran mayno siday Jahmiyada iyo kuwa la halmaala in Ilaahay ku dhex jiro addoomahiisa, waxaanan u aragnaa in qofkii sidaas yiraahda uu gaal yahay ama dhunsan yahay, waayo Ilaahay nuqsaan aan habboonayn ayuu ku sifeeyey.
Waxaynu rumeysannahay sida Nabigeen naxariis iyo nabedgelyo Allaah siiyee noo sheegay, in Ilaahay u soo dego samada adduunyada habeen walba marka habeenka saddex daloolkiisa dambe harto, oo uu yiraahdo yaa i baryaya oo aan ka ajiibaa, yaa wax weydiisanaya oo aan siiyaa, yaa dambi dhaaf i weydiisanaya oo aan ka aqbalaa?
Waxaynu rumeysannahay in Ilaahay maalinta Qiyaame uu imaan si uu u kala saaro addoomihiisa. Ilaahay wuxuu yiri:

Oo macnaheedu yahay:
“Dadka ha ka joogeen ku caasinta Rabbi, haddii dhulka la burburiyo oo Nabi Allow Rabbigaa yimaado malaa’igtoo saf saf ah, oo maalintaas Jahannama la keeno, maalintaa ayaa dadku waansamayaa, maxayse waanadu kolkaa u tari?”
Suuradda Al-Fajar – Aayadda 22

Waxaynu rumeysannahay in Ilaahay:

“wixii uu doono sameeya.”
Suuradda Al-Buruuj – Aayadda 16
Waxaynu rumeysannahay in doonista Alla laba nooc tahay, doonis kowni ah ee la xiriira maamuulka guud ee uunka iyo wuxuu ka dooni, oo Ilaahay amarkiisa ku dhacayo, taasoo aysan ka dhalaneyn in Ilaahay jecel yahay arrintaas. Taasi waa tan macnaheedu yahay doonista (Mashii’ada). Alla wuxuu yiri:

“Hadduu Ilaahay doono maysan dirireen, laakiin, Ilaahay wuxuu doono ayuu sameeyaa.”
Suuradda Al-Baqara – Aayadda 253

Sidoo kale Alla wuxuu yiri:

“Hadduu Ilaahay doonayo inuu idin dhumiyo isagaa Rabbigiin ah.”
Suuradda Huud – Aayadda 34

Doonista kale waa u hoggaansanka sharciguu dhigay, qofkuna xor u yahay, taasoo ay ka dhalanayso in qofkii la yimaada uu noqdo ruux Ilaahay jecel yahay.

Alla wuxuu yiri:

“Ilaahay wuxuu doonayaa inuu idin ka toobad aqbalo – oo aad dhabbaha toosan raacdaan, xaqana u noqotan.”
Suuradda Al-Nisaa – Aayadda 27

Waxaynu rumeysannahay in Ilaahay doonistiisa kowniga ah iyo tiisa sharciga ahiba raacsan yihiin xikmaddiisa, oo wax walba oo Ilaahay dunida ka xukmiyo ama sharci ahaan addoomihiisu ku caabudaan ay tahay xikmad waafaqsan aqoontiisa sare, aan ogaanno taa, ama ha ka gaabiyo garaadkeennu.
Alle wuxuu yiri:
“Ilaahay sow ugu ma xikmad badna kuwa xikmadda leh?”
Suuradda Al-Tiin – Aayadda 8

“Qoladii wax yaqiinsanaysoy, yaa Ilaahay ka xukun wanaagsan?”
Suuradda Al-Maa’ida – Aayadda 50

Waxaynu rumeysannahay in Ilaahay jecel yahay adoommadiisa u hoggaansan, iyaguna jecel yihiin, sida Allaahii Casiiska ahaa yiri:

Oo macnaheedu yahay:
“Nabi Allow ku dheh, haddaad jeceshihiin Ilaahay isoo raaca, wuu idin jeclaane.”
Suuradda Aali Cimraan – Aayadda 31

Sidoo kale wuxuu yiri:
“Haddaad Ilaahay ku cassidaan, wuxuu la imaan doonaa qolo uu jecel yahay iyaguna jecel.”
Suuradda Al-Maa’idah – Aayadda 54

Alla wuxuu kaloo yiri:
“Ilaahay wuxuu jecel yahay kuwa sabra.”
Suuradda Aali Cimraan Aayadda 146

Wuxuu kaloo yiri:
Oo macnaheedu yahay:
“Caddaalad fala Alla wuxuu jecel yahay kuwa caadiliinta ahe.”
Suuradda Al-Xadiid Aayadda 9

“Ixsaan fala Ilaahay wuxuu jecel yahay kuwa Muxsiniinta ahe.”
Suuradda Al-Maa’idah Aayadda 93

Waxaynu rumeysannahay in Ilaahay raalli noqdo kolkii la falo wuxuu jideeyey oo camal iyo hadalba leh, neceb yahayna in lala yimaado fal uu dadka ka reebay sida ku cad aayaddan:
“Haddaad xaqa diiddaan Alla wuu idinka deeqtoon yahay, raallina ka ma aha addoomihiisu xaqa hareer maraan, haddaad ku shukridaanse raalli ayuu idiinka yahay.”
Suuradda Al-Zumar Aayadda 7

“Munaafiqiintu inay jihaadka u baxaan ayaa Alla nacay, markaasuu fariisiyey, waxaana lagu yiri la fariista kuwa fadhiya.”
Suuradda Al-Tawba Aayadda 46

Waxaynu rumeysannahay in Alla raalli ka yahay Mu’miniinta camalka suubban la yimid. Wuxuu Alla yiri:
“Ilaahay raalli ayuu ka noqday Mu’miniinta iyaguna Ilaahay raalli ayey ka noqdeen. Taas waxaa leh qofkii Rabbigiis ka baqa.”
Suuradda Al-Bayinah Aayadda 8

Waxaynu rumeysannahay in Ilaahay u caroodo qofkii caro mutaysta ee xaqa hareer mara, ha ahaado gaal ama cid kalee.
Alla wuxuu yiri isagoo munaafiqiinta tilmaamaya:
“Duulka Ilaahay malaha xun ku malaynaysa musiibo xuni ha ku dhacdo, Ilaahayna waa u carooday.”
Suuradda Al-Fatax Aayadda 6

Sidoo kale wuxuu yiri:
Oo macnaheedu yahay:
“Laakin qoladii gaalnimo qalbigoodu ku qanco caro Ilaahay ha ku dhacdo, waxayna leeyihiin cadaab weyn.”
Suuradda Al-Naxal Aayadda 106

Waxaynu rumeysannahay in Ilaahay leeyahay waji ku sifoobay weynaan iyo maamuusid, siduu Allaahii Casiiska ahaa yiri:

Oo macnaheedu yahay:
“Baaqi ayuu noqonayaa Rabbigaa wajigiisa weynanka iyo maamusidda leh.”
Suuradda Al-Raxmaan Aayadda 27

Waxaynu rumeysannahay in Ilaahay leeyahay laba gacmood oo kariim ah oo waaweyn, waxaana u daliil ah taa aayaddan Qur’aanka ah:
Oo macnaheedu yahay:
“Ilaahay labadiisa gacmood waa fidsan yihiin sidii uu doono ayuu wax u bixiyaa.”
Suuradda Al-Maa’idah Aayadda 64

Iyo sidoo kale aayaddan:
Oo macnaheedu yahay:
“Ilaahay qaddarintii uu mudnaa ma aysan qadarin, dhulka oo idilna qabashadiisa ayuu ku jiraa maalinta qiyaame, samooyinkuna midigtiisay ku duuban yihiin, Ilaahay wuu ka hufan yahay kana sarreeyaa waxa ay ugu shariig yeelayaan.”
Suuradda Al-Zumar Aayadda 76

Waxaynu rumeysannahay in Ilaahay leeyahay labo indhood oo dhab ah sida ay muujin kuna cad aayaddan Qur’aanka:
Oo macnaheedu yahay:
“Nabi Nuuxow, doonta ku samee indhaheeenna iyo amarkeena.”
Suuradda Huud Aayadda 37

Nabiguna naxariis iyo nabadgelyo Alla ha siiye wuxuu yiri:
(Xijaabka Ilaahay waa nuur hadduu iska feydona, nuurka wajigiisa ka soo baxaa wuxuu gubi lahaa wixii khalqigiisa ah oo araggiisu gaaro.)

Ahlu Sunnuhu waxay isku raacsan yihiin in indhaha Ilaahay labo yihiin, taas waxaa ayidaya hadalkii Nabigu dajaalka ka yiri, kaasoo ahaa:
(Waa cawiran yahay, Rabbigiinse ma cawirna.)
Waxaynu rumeysannahay siduu Allaahi Casiiska ahaa yiri:
“Ilaahay indho ma arki karaan aragti wada koobi, isaguna cid kasta wuu arkaa, waana Ladiif addoomadiisa u nugul, khabiir haya xogta cid iyo shey walba.”
Suuradda Al-Ancaam Aayadda 103

Waxaynu rumeysannahay in Mu’miniintu Rabbigood arkayaan maalinta qiyaame siduu Allaahii Casiiska ahaa yiri:
“Wajiyo ayaa maalinta qiyaame ifaya oo Rabbigood eegaya.”
Suuradda Al-Qiyaama Aayadda 22

Waxaynu rumeysannahay in aysan jirin cid iyo shey Ilaahay lagu matalo. Waayo tilmaamahiisu waa wada kaamil. Wuxuu Alla yiri (SW):
“Ilaahay wax lagu matalo ma jiraan, waxna wuu maqlaa waxna wuu arkaa.”
Suuradda Al-Shuura Aayadda 11

Waxaynu rumeysannahay:
“Ilaahay lulmo iyo hurdo midna ma qabato.”
Suuradda Al-Baqara Aayadda 255

Waayo noloshiisa iyo qayuumiyadiisu (u qumidda danta addoomihiisa) waa kaamil. Waxaynu rumeysannahay in Ilaahay uusan cidna dulmineyn, waayo caadilnimadiisu waa kaamil, iyo inuusan moogayn waxay samaynayaan addoomihiisu, waayo ilaalintiisa iyo koobiddiisuba waa kaamil.
Waxaynu rumeysannahay in Ilaahay uusan ka caajiseyn waxa samooyinka iyo dhulka jooga, waayo cilmigiisa iyo awooddiisuba waa kaamil.
“Ilaahay hadduu shey damco, amarkiisu waa in uu yiraahdo ahow wuuna ahaanayaa.”
Suuradda Yaasiin Aayadda 82

Ilaahay soo gaarimayso dhib iyo daal midna, waayo awooddiisu waa kaamil. Alla wuxuu yiri:
“Samooyinka iyo dhulka iyo inta u dhexaysa waxaan ku abuurnay lix maalmood daalna (noogid iyo dhib midna) nama taaban.”
Suuradda Qaaf Aayadda 38

Waxaynu rumeysannahay in Ilaahay loo sugo wax walba oo isagu isu sugay ama Rasuulkiisu u sugay, sida inuu waji leeyahay, labo gacmood, labo indhood, cag, qoslo, raalli noqdo, caroodo, iyo guud ahaan magacyadiisa iyo tilmaamahiisa. Waxaynuna isla markaa ka fogaan laba shey oo waaweyn oo la isaga digey, kuwaasoo kala ah:
1. Matalid, oo ah in qofku qalbigiisa iyo carrabkiisa ka yiraahdo: Tilmaamaha Ilaahay waxay la mid yihiin kuwa addoomahiisa.
2. Suurayn (Takyiif): oo ah qofku qalbigiisa iyo carrabkiisa ka yiraahdo, qaabka tilmaanta Ilaahay waa sidaas iyo sidaas.

Waxaynu rumeysannahay in Ilaahay laga hufo wax walba oo uu iska hufay ama Rasuulkiisu ka hufay, hufiddaasu waxay kulminaysaa nuqsaanka Ilaahay laga hufay in lidkeeda loo sugo oo kamaal ah.

Waxaan ka aamusaynaa wixii Ilaahay iyo Rasuulkiisu ka aamuseen.

Waxaan aragnaa in jidkaas ku socodkiisu waajib yahay, waayo wixii Ilaahay isu sugay ama iska hufay, waa war isagu iska sheegay isagaana naftiisa yaqaan, isagaana cid walba ka run badan oo ka war fiican, dadkuna Ilaahay cilmi kuma koobin.

Nabigu waxuu Alla u sugay ama ka hufay waa war uu xag Alla ka keenay, Nabiguna dadka asagaa Alla ugu aqoon badan oo Rabbigi cidna kama badiso.
Hadalka Ilaahay iyo kan Nabigu waxay ku fadhiyaan cilmi, run iyo caddayn kaamil ah, qofna cudur daar uma leh inuu diido ama ka shakiyo fulintiisa.

WAA CUTUB

Sifaadka Ilaahay oo aan si duuduuban iyo faahfaahsanba usoo sheegnay, hadday tahay iyagoo la sugayo ama iyadoo Ilaahay nuqsaan laga hufayo, waxaannu u cuskanaynaa kitaabka Qur’aanka iyo axaadiista nabiga iyo siday ku tageen salafkii iyo iimaamyadii hanuunka ee ka dambeeyey.
Waxaan u aragnaa inay waajib tahay in nusuusta Qur’aanka iyo axaadiista lagu socodsiiyo siday u muuqdaan, laguna xambaaro xaqiiqdooda Ilaahay ku habboon.
Waxaan ka fognahay dariiqa kuwa dhunsan ee ka leexiyey nusuusta wixii Ilaahav iyo Rasuulkiisu uga jeedeen.
Waxaan kale oo ka fognahay, dariiqa kuwa shaqa tiray tilmaamaha Ilaahay kana leexiyey wixii Ilaahay iyo Rasuulkiisu uga jeedeen.
Waxaan kale oo ka fognahay, dariiqa kuwa xadgudbay oo sifaadka Ilaahay wax ku matalay ama isku kallifay inay qaabkeeda suureeyaan waxaan yaqiin ahaan u ognahay wixii ku soo arooray Qur’aanka iyo axaadiista Nabiga inay xaq yihiin, oo aanay iska hor imaanayn. Alla wuxuu yiri (SW):
“Miyaanay Qur’aanka dhuuxaynin, haddii Ilaahay mooyee cid kale soo dejin lahayd, waxay ka heli lahaayeen iskhilaaf badan.”
Suuradda Al-Nisaa Aayadda 82

Maxaa yeelay, warkii iska hor yimaadaa wuxuu keenayaa inuu isbeeniyo taasina waa mid aan ka suuro geli karin hadalka Ilaahay iyo kan Nabiga (SCW).
Qofkii ku andacooda in Qur’aanka ama axaadiista ay iska hor imaanayaan ama ay isbeeninayaan waa qasad xumidiisa iyo qalbigiisa oo qalloocsan ee Ilaahay ha u toobad keeno hana ka fuqo baadinimadiisa.

Qofkii ismoodsiiya in Qur’aanka iyo axaadiista ay iska hor imanayaan ama isbeeninayaan waa cilmi iyo faham yaridiisa ama u fiirsi la’aantiisa ee cilmiga ha baaro, hana ku dadaalo inuu aad u dhuuxo, ilaa xaqu u muuqdo, hadaanuse u muuqan Ilaahay ha talo saarto, hana iska daayo is moodsiinta, hana yiraahdo siday yiraahdeen kuwii cilmiga raasikhiinta ku ahaa kuwaa oo yiri sida Alla inoo sheegayo:
“Waxaan rumaynay wax walba oo xagga Rabigayo ka yimid.”
Suuradda Aali-Cimraan Aayadda 7

Hana ogaado in Qur’aanka iyo axaadiistu aa isburineyn isna khilaafeyn.

WAA CUTUB

Waxaynu rumeysannahay in malaa’igta Ilaahay yihiin:
“Addoomo la maamuusay oo aan Alla hadalkiisa ka hor mareyn amarkiisana ku shaqeeya.”
Suuradda Al-Anbiyaa Aayadda 27

Alla ayaa abuuray, nuur buuna ka abuuray, waxayna gudanayaan cibaadadiisa una hogaansameen adeeciddiisa.
Wuxuu Alla yiri (SW) isagoo malaa’igta ka warramaya:
“Iskama weynaysiiyan cibaadada Alla kamana daalaan, habeen iyo maalin walbana waa tasbiixsadaan, caajis, taagdarro iyo jileecna kama galo.”
Suuradda Al-Anbiyaa Aayadda 19

Alla ayaa innaga xijaabay oo arki mayno, waxaase dhici karta in Rabbi tuso addoomihiisa qaarkood. Nabiguba wuxuu arkay malakul Jibriil oo sidii Ilaahay ku abuuray ah, isagoo lix boqol oo garab oo qariyey ufuqa (jihadii oo dhan).
Malakul Jibriil wuxuu isugu matalay Maryam qof, wuuna la hadlay iyaduna wey la hadashay. Nabiga oo asxaabta la jooga ayuu u yimid isagoo nin u eg oo qofna uusan garaneyn calaamad safarna aysan ka muuqan, dharkiisuna aad u cadcad yahay, timihiisuna aad u madow yihiin, Nabiga ayuu la fariistay oo jilbaha jilbaha u saaray, gacmaha wuxuu saartay dhabta, Nabiga ayuu la hadlay Nabiguna waa la hadlay. Nabiguna asxaabta wuxuu u sheegay inuu Jibriil ahaa. Waxaan rumeysannahay in malaa’igtu leedahay shaqo lagu waajibiyey, waxaa ka mida Jibriil oo u xil saaran waxyiga xagga Alla laga soo dejinayo, loona soo dajinayo ciddii Alla doono oo ambiyadiisa iyo rusushiisa ka mida. Waxaa kale oo ka mida Miikaa’iil oo ka mas’uul ah roobka iyo wixii dhulka ka soo baxaya. Waxaa kale oo ka mida Israafiil oo u xilsaaran inuu buunka afuufo waqtiga sacqiga iyo soo bixinta mowtida. Waxaa kale oo ka mida Malakul Mowd oo u xilsaaran in uu ruuxda ka qaado dadku markay dhimanayaan, iyo Malaga buuraha ka mas’uulka ah, iyo Maalik oo naarta u xilsaaran.
Waxaa kale oo ka mida malaa’ig ka mas’uul ah ilmaha uurka ku jira, iyo malaa’ig ka mas’uul ah ilaalinta dadka, iyo malaa’ig ka mas’uul ah qoridda dadka camalkooda, oo qof walba laba malag ayaa camalkiisa qoraysa iyo hadalka uu ku hadli.
Alla wuxuu yiri (SW):
“Dadka midigtooda iyo bidixdoodaba malag ayaa fadhiya oo waxay ku hadlaan qoraya.”
Suuradda Qaaf Aayadda 18

Waxaa kale oo ka mida malaa’ig ka mas’uul ah su’aasha meydka marka iilka la dhigo, laba malag ayaa u imanaysa meydka oo waxay weydiinayaan Rabbigiis, diintiisii iyo nabigiisii, markaa buu:
“Alla wuxuu ku sugayaa Mu’miniinta adduun iyo aakhiroba qowlka toosan ee xaqa ah wuxuuna dhuminayaa daalimiinta, Alla wuxuu doono ayuu sameeyaa.”
Suuradda Ibraahiim Aayadda 27

Waxaa ka mida malaa’ig ka mas’uul ah ahlu jannaha:
“Malaa’igtu ahlu jannaha illin walba ayey uga soo geleysaa Mu’miniinta iyagoo ku leh salaamu caleykum (nabadgelyo ayaad leedihiin) sabarkiinii badnaa aad ku mutaysateen waxaa liibaan leh daarta aayaha dambe.”
Suuradda Al-Racad Aayadda 23

Nabigu wuxuu sheegay in ay soo galaan Baytul Macmuurka samada ku yaal – xadiis kale wuxuu ahaa in ay ku tukadaan – maalin walba toddobaatan kun oo malag oo aan dib ugu soo noqonayn, oo ay kuwo kale beddelayaan.

WAA CUTUB
Waxaynu rumaysannahay in Ilaah rusushiisa ku soo dejiyey kutub xujo ku ah caalamka, xujona u ah kuwa ku camal falaya, kutubtaas xikmad baraya dadka, kana daahirinaya shirkiga iyo dunuubtaba kolkay kutubtaas dhaqan geliyaan.

Waxaynu rumaysannahay in Ilaahay ku soo dejiyey rasuul walba kitaab. Alla wuxuu yiri (SW):
Oo macnaheedu yahay:
“Waxaa xaqiiq ah inaan rususheena la soo dirnay aayado cadcad oo aan ku soo dejinnay kitaab iyo miisaan si dadku xaqa u oogaan.”
Suuradda Al-Xadiid Aayadda 25

Kutubtaas waxaan ka naqaan:
A – Tawraad oo Ilaahay ku soo dejiyey Muuse, naxariis iyo nabadelyo Alla ha siiyee, wuxuuna ahaa kitaabkii u weynaa ee Banii Israa’iil lagu soo dejiyey:
“Tawraad waxaa ku sugnaa hanuun iyo nuur ay ku xukumayeen nabiyadii Alla u hoggaansamay, Rabbaaniyiintii iyo axbaartii Yuhuuddaba, kitaabka Ilaahay oo xifdintiisa laga rabey awgeed, kitaabkaas oo ay markhaati ka ahaayeen xaqnimadiisa.”
Suuradda Al-Maa’idah Aayadda 44

B – Injiil oo Ilaahay ku soo dejiyey Nabi Ciise naxariis iyo nabad gelyo Alla ha siiyee, wuxuuna rumaynayay oo dhammaystirayey Tawraadda.
“Waxaan siinnay Nabi Ciise Injiil oo xambaarsanaa hanuun iyo nuur, isagoo rumaynaya kitaabkii Tawraad ee ka horreeyey, waxaana ugu sugnaa mutaqiinta (kuwa Allaahood ka baqa) hanuun iyo waano.”
Suuradda Al-Maa’idah Aayadda 46

Waxaa kale oo Ilaahay u soo diray Nabi Ciise
“Si uu ugu xalaaleeyo qoomkiisa wixii laga xarrimay qaarkood.”
Suuradda Aali-Cimraan Aayadda 50

C – Zabuur oo Ilaahay siiyey Daa’uud, naxariis iyo nabadgelyo Alla ha siiyee.
D – Suxuftii Ibraahiim iyo Muuse, naxariis iyo nabadgelyo Ilaahay ha siiyee.
E – Qur’aanka kariimka ah ee Ilaahay ku soo dejiyey Nabigiisii nabiyad lagu khatimay ee Muxamad ahaa (SCW).

Alla wuxuu yiri (SW):
Oo macnaheedu yahay:
“Qur’aanku dadka wuxuu u yahay hanuun iyo caddayn hanuun ah, Qur’aankaasoo dadka u kala caddeynaya xaqa iyo baadilka.”
Suuradda Al-Baqara Aayadda 185

Sidoo kale wuxuu yiri:
Oo macnaheedu yahay
“Qur’aanku waa mid rumaynaya kutubtii ka horreysey, kuna ah muheymin (ilaaliye) dhowre muujin, sheegina waxii ka sax ah kutubtii hore iyo wixii laga doorriyay nuqsaan iyo siyaado midday tahayba.”

Ilaahay wuxuu ku nasakhay Qur’aanka dhammaan wixii kutub ka horreysey, wuxuuna ka ilaaaliyey dadka xun falaadkooda iyo kuwa dhunsan baadidooda. Alla wuxuu yiri:
Oo macnaheedu yahay:
“Annagaa Qur’aanka soo dejinney, annagaana ilaalineyna.”
Suuradda Al-Xijir Aayadda 9

Waayo wuxuu ahaanayaa xujo hortaala aadamiga ilaa qiyaamaha.
Kutubtii horese waxay lahayd waqti ku dhamaanayey marka la soo dejiyo wax lagu nasakhayo, laguna caddaynayo badeliddii iyo doorintii lagu sameeyey, taasoo aanay ahayn mid laga ilaaliyey, sidaa awgeed waxaa ku dhacay doorin, siyaado iyo nuqsaanba leh. Alla wuxuu yiri (SW):
Oo macnaheedu yahay:
“Yuhuudda waxaa ka mida qaar hadalka qasadkiisii ka leexinaya.”
Suuradda Al-Nisaa Aayadda 46

Sidoo kale wuxuu yiri:
Oo macnaheedu yahay:
“Halaag iyo cuqubay leeyihiin kuwa kitaabka gacantooda ku qoray, kaddibna oronaya kani xagga Ilaahay ayuu ka yimid, si ay ugu qaataan qiimo jaban, halaag ayey ku mutaysteen waxay gacmahooda ku qoreen iyo waxay kasbadeenba.”
Suuradda Al Baqara Aayadda 79

Oo macnaheedu yahay:
“Ku dheh, yaa soo dejiyey kitaabkii Nabi Muuse la yimi kaasoo nuur iyo hanuun dadka u ahaa, adinkuna aad ka dhigteen warqado aad qaar muujisaan in badanna qariseen.”
Suuradda Al-Ancaam Aayadda 91

Alla wuxuu kaloo yiri:
Oo macnaheedu yahay:
“Ahlu kitaabka waxa ka mida koox hadalkooda kitaabka ku daraya, si aad ugu malaysaan in hadalkaasi kitaabka ka mid yahay, kana mid ma aha kitaabka, waxay oronayaan xagga Ilaah ayuu ka yimid, kamana imaan xagga Ilaahay iyagoo og ayey Ilaahay been ka sheegayaan, ma dhici karto in qof Ilaahay siiyo kitaab, xukun iyo nabinnimo kaddibna dadka uu ku yiraahdo aniga i caabuda Ilaahay sokadi.”
Suuradda Aali-Cimraan Aayadda 78

Alla wuxuu kaloo yiri:
Oo macnaheedu yahay:
“Ahlu kitaabow waxaa idiin yimid rasuulkayagii oo idiin caddaynaya in badan oo kamida waxaad qarineyseen ee kitaabka ka mid ahaa.”
Suuradda Al-Maa’idah Aayadda 15

Ilaa Eebbe yiri:
“Waxaa dhab ah inay gaaloobeen kuwii yiri Alla waa al-Masiix binu Maryam.”
Suuradda Al-Maa’idah Aayadda 17

Waa Cutub
Waxaynu rumeysannahay inuu Ilaahay rusul u soo diray addoomihiisa:
“U bishaaraynaysa ciddii raacda oo u digeysa ciddii caasida, si dadku rususha marka loo soo diro kadib aanay xujo ugu helin – gaboodfalka ka dhaca iyo xaqa ay hareer mareen – Alla wuxuu ahaaday Casiis adag ee xikmad ku sifoobay.”
Suuradda Al-Nisaa Aayadda 165

Waxaynu rumeysannahay in rusushaas Nabi Nuux ugu horreeyey, Nabi Muxamadna u dambeeyey, siduu Alla yiri:
“Nabi Allow waan kuu waxyooney sidii aannu ugu waxyooney Nabi Nuux iyo nabiyadii ka dambeeyey.”
Suuradda Al-Nisaa Aayadda 163

“Nabi Muxamad raggiinna mid ka mida aabbe uma ahayn, laakiin wuxuu ahaa rasuulkii Ilaahay iyo nabiyada kii lagu khatimay.”
Suuradda Al-Axsaab Aayadda 40

Waxaynu rumeysannahay rusushaas inay ugu fadli badnaayeen: Nabi Muxamad, Ibraahiimna ku xigo, dabadeedna Muuse, kaddibna Nuux, kaddibna Ciise; rusushaasi waa kuwa loola jeedo hadalkan Eebbe:
“Nabi Allow xus waqti aannu ka qaadnay nabiyada ballantoodii iyo taanu kaa qaadnay adiga, Nuux, Ibraahiim, Muuse iyo Ciisa Ibnu Maryam, waxaynu ka qaadnay ballan adag.”
Suuradda Al-Axsaab Aayadda 7

Waxaynu icitiqaadsannahay in shareecada Nabi Muxamad, naxariis iyo nabadgelyo Alla ha siiyee, ay kulmisey wanaagga shareecooyinkii rusushaas lagu gaar yeelay, siduu Allahii Casiiska ahaa yiri:
“Waxaannu idiin jideyney shareecad ka kooban tii aannu u dardaaranay Nabi Nuux, tii aannu kuu waxyoonney, tii aannu u dardaarannay Ibraahiim, Muuse iyo Ciisa Ibnu Maryam, ee diinta ooga hana ku kala tegina.”
Suuradda Al-Shuuraa Aayadda 13

Waxaynu rumaysannahay rususha oo idil inay yihiin bashar (dad) la abuuray, rabbinimadu waxay la gaar tahayna aysan wax ku lahayn. Alla wuxuu yiri isagoo inoo sheegi hadalkii Nabi Nuux yiri oo rususha ugu horreeyey; Nabi Nuux oo qoladiisii la hadlaya wuxuu yiri:
“Idin oran maayo khasnadaha Ilaahay ayaan hayaa, qaybkana – maqanaha soo socda – ma ogi, idina oranmaayona malag ayaan ahay.”
Suuradda Huud Aayadda 31

Ilaahay wuxuu faray Nabi Muxamad oo u dambeeyey rususha inuu yiraahdo:
“Idin oranmaayo khasnadaha Ilaahay ayaan hayaa, qaybkana – maqanaha soo socda – ma ogi, idina oranmaayana malag ayaan ahay.”
Suuradda Al-Ancaam Aayadda 50

“Nafteyda dheef iyo dhib midna uma heli karo, wixii Ilaahay ila doono mooye.”
Suuradda Al-Acraaf Aayadda 180

“Idiin ma heli karo dhib iyo hanuun midna, dheh carada Ilaahay cidna iga celin mayso helina maayo cid la magangalo oo aan Alla ahayn.”
Suuradda Al-Jin Aayadda 21

Waxaynu rumeysannahay inay rusushu yihiin addoomo Alla oo Ilaahay adoomihiisa ka mida, Ilaahayna ku sharfay risaalada, darajada u sarraysa ee Ilaahay ku ammaanayna waa addoonnimo, rusushaas hadalladii lagu ammaanay waxaa ka mid ahaa, hadalkii ku saabsanaa Nabi Nuux oo rususha u horreeyey:
“Ubadkii dadkii aan la qaadnay Nabi Nuux, Nuux wuxuu ahaa addoon shukrin badan.”
Suuradda Al-Israa Aayadda 3

(Alla u mahad naqa una hoggaansan awaamirtiisa.)

Nabi Muxamad naxariis iyo nabadgelyo Alla ha siiyee, oo u dambeeyey rususha, Alla wuxuu ka yiri:
“Allihii kitaabka al-Furqaan ku soo dejiyey addoonkiisa si uu u noqdo mid caalamka u diga ayaa khayraadkiisu badan yahay.”
Suuradda Al-Furqaan Aayadda 1

Rusushii kalena wuxuu ka yiri:
• Nabi Allow ka warran wanaaggii addoomadeydii Ibraahiim, Isxaaq, iyo Yacquub kuwaaso gacmo iyo indhoba lahaa – indheer garad ahaa – xoog iyo awood leh.”
Suuradda Saad Aayadda 45

“Nabi Allow ka warran wanaagga adoonkayagu Daawuud, kaasoo gacan lahaa – xoog iyo awood – toobad keen badnaana.”
Suuradda Saad Aayadda 17

“Daawuud waxaannu u hibeyney Suleymaan, addoon wanaagsan oo toobadkeen badan ahaa.”
Suuradda Saad Aayadda 30

Ciisa Ibnu Maryamna Alla wuxuu ka yiri:
“Nabi Ciise wax kale ma uu ahayn addoon aannu u nicmaynay tusaalena uga dhignay reer Banii Israa’iil mooyee.”
Suuradda Al-Zukhruf Aayadda 59

Waxaynu rumeysannahay in diinta Nabi Muxamad lagu khatimay diimihii, isagana loo soo diray dadka oo idil, Alla wuxuu yiri (SW):
“Nabi Allow ku dheh dadyohow rasuulkii Alla dhammaantiin u soo diray ayaan ahay. Allahaasoo dhulka iyo cirkaba iskaleh, oo kaligi xaq lagu caabudo ee Ilaahay rumeeya iyo rasuulkiisa ah nabi aan waxba qorin iyo akhrinna rasuulkasoo Ilaahay iyo kalimaadkiisa rumeeyey, isaga raaca waydun hanuuniye.”
Suuradda Al-Acraaf Aayadda 158

Waxaynu rumaysannahay in shareecada Nabi Muxamad naxariis iyo nabadgelyo Alla ha siiyee inay tahay diinta Islaamka ee Ilaahay addoomihiisa uga raalli noqday oo Ilaahay uusan ka aqbaleyn qofna diin (hab nololeed) kale.
Alla wuxuu yiri (SW):
“Xag Ilaahay waxaa diin ka ah Islaamka.”
Suuradda Aali-Cimraan Aayadda 19

“Maanta ayaan idiin dhammaystirnay diintiinna, nicmadeydana idiin taam yeelay oo idiinka raalli noqday Islaamka diin (hab nololeed) ahaan.”
Suuradda Al-Maa’idah Aayadda 3

“Islaamka diin (hab nololeed) aan ahayn qofkii raaca laga aqbali maayo, aakhirona kuwa khasaaray ayuu ka mid noqon doonaa.”
Suuradda Aali-Cimraan Aayadda 85

Waxaynu icitiqaadsannahay qofkii maanta sheegta diin (hab nololeed) iskeed u taaganoo xag Ilaahay laga aqbalayo, taasoo aan diinta (hab nololeedka) Islaamka ahayn sida tan Yuhuudda, Kirishtaanka iyo kuwo kale, inuu gaaloobay, lana farayo inuu toobadkeeno haddii kale riddo ahaan loo dilo, waayo Qur’aanku ayuu beeniyey.
Waxaynu rumaysannahay qofkii diida diinta (hab nololeedkii) Nabi Muxamad naxariis iyo nabadgelyo Alla ha siiyee, diintaas oo dadka oo idil loo soo dejiyey, inuu rusushii oo idil ku kufriyey, xataa rasuulka uu sheeganayo inuu rumeeyey, Alla wuxuu yiri (SW):
“Qoladii Nabi Nuux rusushii ayey beeniyeen.”
Suuradda Al-Shucaraa Aayadda 105

Ilaahay wuxuu ka dhigay inay beeniyeen rusushii oo idil, iyadoo Nabi Nuux rusul kale aysan ka horreyn, Alla wuxuu yiri (SW):
“Kuwa Alla iyo rusushiisa beeniyey ee doonaya inay kala geeyaan Alla iyo rusushiisa, oranayana qaar ayaannu beenineynaa qaarna waannu rumaynaynaa, waxay doonayaan inay taas ka dhex samaystaan dariiq, kuwaasi waa gaalo caddeystay, gaaladana cadaab dullinimo leh ayaanu u diyaarinay.”
Suuradda Al-Nisaa Aayadda 150

Waxaynu rumaysannahay in Nabi Muxamad naxariis iyo nabadgelyo Alla ha siiyee, nabi ka dambeeyaa uusan jirin, qofkii sheegta nabinnimo ama rumeeya wixii sheegta nabinimona uu gaaloobey, waayo wuxuu beeniyey Alla iyo Rasuulkiisii iyo Muslimiinta waxay isku raaceen.
Waxaynu rumaysannahy in Nabigu naxariis iyo nabadgelyo Alla ha siiyee, uu lahaa khulafaa’u raashidiin uga dambeeyey Nabiga ummadiisa xagga cilmiga, fidinta diinta iyo hoggaaminta Mu’miniinta, khulafadaas waxaa ugu fadli badnaa uguna xaq lahaa khaliifnimada Abubakar, Cumar binu Khaddaabna ku xigo Cusmaan binu Cafaanna ku xigo, Cali binu Abii Daalibna ku xigo, dhamaantood Alla raalli ha ka wada noqdee.
Khaliifnimada siday u kala fadli badnaayeen ayey u kala mudnaayeen, Ilaahay xikmaddiisa sare keeni mayso in Ilaahay uga madax dhigo qarnigii qarniyada ugu khayrka badnaa nin isagoo mid ka khayr badan oo khaliifnimada uga habboon joogo.
Waxaynu rumeysannahay khulafadaas aan soo sheegnay kii laga fadli badan yahay uu la gaar yahay sifo uu kaga horreeyo kuwa ka fadliga badan, laakiinse uusan ku mutaysan karin fadli guud ahaaneed, waayo waxa fadliga keenaya waa noocya badan yihiin.
Waxaynu rumaysannahay in ummadaani ummadaha ugu khayr badan tahay uguna darajo weyn tahay xag Ilaahay, Alla wuxuu yiri:
“Ummadaha tii ugu khayrka badnayd ayaa tihiin, waayo waxaad faraysaan wanaagga, reebeysaan xumida, Allana rumeysan tihiin.”
Suuradda Aali-Cimraan Aayadda 110

Waxaynu rumaysannahay in ummadaan asxaabtii u khayr badnaayean, taabiciyiintiina ku xigeen, taabici taabiciyiintiina ku sii xigeen. Ummadaan qaar kamid ahina xaqa ku taagnaanayaan, ciddii khilaafta ama khiyaantana aysan wax u dhimayn ilaa amarka Rabbi yimaado.
Waxaynu rumaysannahay wixii asxaabta dhex dhacay oo fitno ahaa inay ahayd ra’yi ku ijtihaadeen, koodii xaqa waafaqayna labo ajar ayuu leeyahay, kii gefeyna hal ajar ayuu leeyahay gafkiisiina waa loo dhaafay.
Waxaan aragnaa inay waajib tahay inaan iska deyno xumaatooyinkooda oo aanaan sheegin ammaanta fiican oo ay mudan yihiin mooyee, qalbigeennana ka nadiifinno carada iyo xaasidnimada qof asxaabta ka mida.
Alla wuxuu yiri (SW):
“Ma sinna kuwiinnii wax bixiyey oo diriray Fatxu-Makka ka hor iyo kuwii ka dambeeyey, kuwii Fatxu-Makka ka hor wax bixiyey oo diriray ayaa ka ajar badan kuwii waagii dambe wax bixiyoo diriray, dhammaantoodna Ilaahay wanaag ayuu ugu yaboohay.”
Suuradda Al Xadiid Aayaada: 10

Annaga waxaa Eebee innaga yiri:
“Kuwii asxaabta ka dambeeyey waxay oranayaan Ilaahow noo dambi dhaaf annaga iyo walaalahayagii Iimaanka nooga horreeyey, qalbigeennana hagelin nacaybka Mu’miniinta, Rabbigayow waxaad tahay mid dhimrin iyo naxariis badan.”
Suuradda Al-Xashar Aayadda 10
Waxaynu rumaysannahay maalinta qiyaame oo aysan maalin kale ka dambeyn, dadka oo idilna iilka laga soo bixinayo, si ay ugu noolaadaan jannada ama cadaabta.

Waxaynu rumeysannahay soo bixinta dadka dhintay, taasoo ah in Ilaahay soo nooleynayo qofkasta oo dhintay marka Israafiil mar labaadka buunka afuufo.
“Buunkii ayaa la afuufay markaasay dhinteen wixii samooyinka iyo dhulka joogey, intii Ilaahay doonay mooyee; mar labaad ayaa buunkii la afuufay, waaba ayagoo taagan oo wax eegaya.”
Suuradda Al-Zumar Aayadda 68

Waa maalinta dadku qubuuraha ka soo baxayaan iyadoo cago cad oo qaawan buurya qab ah.

“Sidii aan abuuriddii hore u billownay ayaannu ku celinaynaa, waa ballan qaad dusheenna ah oo aan samayn doonno.”
Suuradda Al-Anbiyaa Aayadda 104
Waxaynu rumeysannahay in acmaashayadii qoran layska siin doono midigta ama dhabarka dambe ee bidixda:
“Qofkii diiwaankiisa laga siiyo midigta xisaab yar ayaa la xisaabayaa isagoo faraxsan ayuu reerkiisii u laabanayaa, qofkiise diiwaankiisa laga siiyo bidixda halaag ayuu u yeeran wuxuuna galayaa (naarta) saciira.”
Suuradda Al-Inshiqaaq Aayadda 7-12

“Qof walba camalkiisii ayaan luqunta u surnay, waxaanan maalinta Qiyaame u soo bixinaynaa diiwaan fidsan, waxaa lagu oranayaa diiwaankaaga akhriso asagaa xisaabin kuugu filane.”
Suuradda Al-Israa Aayadda 13

Waxaynu rumeysannahay in miisaanno la keeni doono Qiyaamaha oo aan qofna la dulmineyn:
“Qofkii sameeya wax saxar yar le’eg oo khayr ah wuu arki doonaa. qofkii wax saxar yar le’eg oo shar ah sameeyana wuu arki doonaa.”
Suuradda Al-Zalzala Aayadda 7-8

“Dadka miisaankoodu cuslaado ayaa liibaanay, kuwa miisaankoodu yaraadana naftooda ayey khasaariyeen, Jahannama ayey ku waarayaan, naarta ayaa wajiga ka holcinaysa iyagoo ku gubanaya.”
Suuradda Al-Mu’minuun Aayadda 102

“Qofkii hal xasano la yimaada, toban laab ayuu leeyahay, qofkii xumi la yimaadana iyadii uun baa lagu abaal marin, lana dulmin mayo.”
Suuradda Al-Ancaam Aayadda 102

Waxaynu rumeysannahay shafeecada weyn ee Nabiga naxariis iyo nabadgelyo Alla ha siiye, u gaarka ah ee uu Ilaahay uga shafeecayo inuu addoommihiisa kala xukmiyo, marka dadka ay ku dhacdo kurbo iyo murug aysan xammili karin, oo ay aadayaan Nabi Aadam, kaddibna Nuux, kaddibna Ibraahiim, kaddibna Ciise ilaa ay Nabigeena ku soo dhammaato.
Waxaynu rumeysannahay in loo shafeecayo dadka Mu’mininta ah ee naarta galay, ayna ka soo baxayaan naarta, dadkaas waxaa u shafeecaya Nabigeenna, nabiyo kale, mu’miniinta iyo malaa’igta.
Waxaynu kaloo rumeysannahay in Ilaahay dad mu’miniin ah fadligiisa uga soo saarayo naarta iyadoon cidina u shafeecin.
Waxaynu rumeysannahay Xowdka (darka) Nabiga, naxariis iyo nabadgelyo Alla ha siiyee biyihiisu waxay ka cad yihiin caanaha, kana macaan yihiin malabka, kana udgoon yihiin miskiga, dhererkiisa waxaa loo socdaa bil, ballaciisana waxaa lo socdaa bil, weelashiisu waa sida xiddigaha cirka qurux iyo badnaanba, waxaa ku soo arooraya Mu’miniinta ummada Nabiga. qofkii ka cabba darkaas mar dambe harraadi maayo.
Waxaynu rumeysannahay jidka (Siraadka) ee Jahannama dul mara, dadkuna ku marayaan camalkooda qadarkiisa. qofka ugu horreeya wuxuu ku marayaa sida hillaac, waxaa ku xigaya mid ku socda socodka dabaysha oo kale, waxaa ku xigaya mid ku socda shimbir duuliddeed oo kale, waxaa ku sii xigaya qof ku socda nin oradki oo kale.
Nabiguna naxariis iyo nabadgelyo Alla ha siiyee wuxuu istaagi doonaa siraadka asaga oo leh, “Yaa Rabbi sallim, sallim (Rabbow nabad geli, nabad geli) ilaa ay soo maraan dad camalkoodii caajisay oo gurguuranaya, Siraadka labadiisa dhinacna waxaa ka laalaada kalaaliib (biro) la amray oo qabanaya qofkii loo diro, dadka waxa ka mida mid ay birahaa xaganayaan oo nabadgelaya, iyo mid naarta lagu tuurayo.
Waxaynu rumeysannahay wixii ku soo arooray Qur’aanka iyo axaadiista ee ka warramaya dhibaatada Qiyaamaha, Ilaahay hannaga koriyee.
Waxaynnu rumeysannahay in Nabigu ahlu Jannaha u shafeecayo si ay jannada u galaan, shafeeco Nabiga u gaar ah.
Waxaynu rumeysannahay Jannada iyo Naarta, Jannadu waa daarta nicmada ee Ilaahay u diyaariyey Mu’miniinta mutaqiinta ah, waxaa ku yaal Jannada nicmo aan cidi arag, cidina maqlin, qof bashar ah qalbigina ku soo dhicin:
“Cidina garan mayso indha qabawsiga Ilaahay u qariyey Mu’miniinta, taasoo ah mid looga abaal marinayo camalkoodii.”
Suuradda Al-Sajdah Aayadda 17

Naartuna waa daarta ciqaabta, ee Ilaahay ugu diyaariyey gaalada daalimiinta ah cadaab iyo halaag aan la malayn karin.
“Waxaan u diyaarinnay daalimiinta naar gidaarkeedu iyaga ku kooban yahay, hadday baryootamaan waxaa lagu caawiyaa biyo kulul oo bayl ah oo wajiga shiilaya, waa cadaab dangiigsi xun iyo cabitaan baas leh.”
Suuradda Al-Kahaf Aayadda 29

Jannada iyo Naartuba haatan waa jiraan weligood iyo abidkoodan la waayi maayo oo ma basayaan. Alla wuxuu yiri:
“Qofkii Alla rumeeya oo camal wanaagsan la yimaada, wuxuu galinayaa Jannooyin ay wabiyaal hoos qulqulayaan, iyaga waligood ku waaraya, qofkii taas lagu abaal mariyo Alla irsaaqadiisa waa wanaajiyey.”
Suuradda Ad-Dalaaq Aayadda 11

“Ilaahay gaalada waa lacnaday wuxuuna u diyaariyey Naarta saciira, iyagoo waligood ku waaraya, cid u weli noqota iyo cid u gargaarta midna heli maayaan, maalinta wejigooda Naarta lagu rogrogayo waxay oranayaan ‘Shalaytideennii! Haddaan adeeci lahayn Alla iyo rasuulkiisa.’”
Suuradda Al-Axzaab Aayadda 64

Waxaan qiraynaa dadka Qur’aanka iyo axaadiistu tilmaan ahaan ama qof ahaan u qireen inuu Jannada galayo.
Qof ahaan dadka loogu qiray waxaa ka mida Abu Bakar, Cumar, Cusman, Cali iyo kuwo kale ee ah dadkii Nabigu sheegay.
Tilmaan ahaan dadka loogu qiray waxaa ka mida qirida loo qiray qof walba oo mu’min taqi ah inuu Jannada gelayo.
Waxaan qiraynaa dadka Qur’aanku ama axaadiistu ku caddeeyeen tilmaan ahaan ama qof ahaan inay Naarta gelayaan.
Dadka qof ahaan loogu caddeeyey waxaa ka mida caddeynta lagu caddeeyey Abu Jahal iyo Cumar Binu Luxay Al-Khusaaci iyo kuwo kale.
Tilmaan ahaan kuwa lagu caddeeyey waxaa ka mida caddaynta lagu caddeeyey qof walba oo gaal ah ama mushrig Alla cid wax la wadaajiyey, ama munaafaq, ama Rabbi iyo Rasuulki caasiya inay Naarta galayaan.
Waxaynu rumeyasnnahay fitnada qabriga, taasoo ah in maydka la su’aalayo Rabbigi, diintiisii iyo Nabigiisii, markaa buu:
“Alla wuxuu ku sugayaa Mu’miniinta qowlka toosan ee xaqa adduun iyo aakhiroba.”
Suuradda Ibraahiim Aayadda 28

Mu’minku wuxuu oranayaa rabbigay waa ‘Allaah’ diintaydu waa ‘Islaam’ Nabigaygu waa Muxamad; gaalka iyo munaafaqu waxay oranayaan ‘garan maayo dadka waxaynu ka maqalnay baynu niri.’

Waxaynu rumeysannahay in Mu’miniinta qabriga lagu jannayn doono, siduu Alla yiri (SW):
“Kuwa ay malaa’igtu oofsanayso iyagoo wanaagsan oo lagu oranayo nabadgelyaad leedihiin, jannada ku gala camalkiinii awgiis.”
Suuradda Al-Naxal Aayadda 32

Waxaynu rumeysannahay in qabriga lagu cadaabi doono gaalada, munaafiqiinta, iyo qofkii dhinta isagoo khilaafsan kitaabka Qur’aanka iyo Sunnada Rasuulka (SCW) xaqana hareer marsan.
Alla wuxuu yiri (SW):
“Haddaad arki lahayd marka daalimiinta sakaraatul mowdku hayo, malaa’igtuna inta gacmaheeda fidiso ku oranayso naftiinna soo saara, cadaab dulinnimo leh ayaa la idinku abaal marinayaa maanta, hadalkii xaq darrada ahaa ee aad Ilaahay ka oran jirteen, iyo aayadihiisii aad iska weyneyn jirteen inaad raacdaan ood ku dhaqantaan.”
Suuradda Al-Ancaam Aayadda 93

Axaadiista arrintaas ka hadlaysa way badan yihiin, waana la yaqaan, haddaba qofka mu’minka ahi waxaa ku waajib ah inuu rumeeyo wixii ku soo arooray Qur’aanka iyo axaadiista ee arrintaas qeybka ah ku saabsan, oo uusan ka hor keenin wuxuu dunida ku arkay, arrinta aakhiro tan adduunka laguma qiyaaso, waayo farqi weyn ayaa u dhexeeya, Alla ayaa kaalmo lehe, kana aynu baryi inuu addoomahiisa xaqa tuso iyo dowga toosan.

WAA CUTUB
Waxaynu rumeysannahay qaddarka khayrkiisa iyo shartiisa. taasoo ah in Alla ku qaddaray cilmigiisa asaliga ah iyo sida xikmaddiisu keentay waxyaabaha jira.

Qaddarku afar martabo ayuu leeyahay:
Martabadda 1aad
Waa cilmiga oo waxaynu rumeysannahay in Ilaahay wax walba og yahay; wuu og yahay wixii dhacay, waxa dhici doona iyo siday u dhacayaan, wuxuuna ku og yahay cilmigiisa asaliga iyo abadiga ah, wax uu jaahil ka ahaa ogaan maayo wax uu yaqaaneyna ilaawi maayo.

Martabadda 2aad
Waxaynu rumeysannahay in Ilaahay ku qoray Lowxul-Maxfuudka waxa ilaa Qiyaame dhici doona, Alla wuxuu yiri (SW):
“Sow ma ogid in Alla og yahay waxa samada iyo dhulka ku sugan kitaab ayey ku qoran yihiin, taasi Alla waa u fududdahay.”
Suuradda Al-Xaj Aayadda 70

Martabadda 3aad
Waa mashii’ada (wuxuu Alla dooni) oo waxaynu rumeysannahay in Ilaahay wax walba oo cirka iyo dhulka ku jira uu doonay, wax dhici karaa ma jiraan in Alla doono mooye, wixii Ilaahay doono ayaa dhacaya wuxuusan dooninna marnaba ma dhici karaan.

Martabadda 4aad
Waa abuurista oo waxaynu rumeysannahay in Ilaahay wax walba abuuray:
“Alla waa kan wax walba abuuray wax walbana isagaa xafidaya. isagaa leh hoggaaminta cirka iyo dhulka.”
Suuradda Al-Zumar Aayadda 62

Afartaas martabadood waxay kulminayaan waxa Ilaahay qaddarayo iyo waxa qofka ka dhacaya, wax walba oo dadka ka dhacaya oo hadal ama ficil ah ama wax ay iska daayeen ah, Alla waa og yahay waana u qoran yihiin, isagaana doonay oo abuuray.

“Qof idinka mida hadduu damco inuu toosnaado, dooni maysaan in Ilaahay doono mooye.”
Suuradda Al-Takwiir Aayadda 28-29

“Haddii Ilaahay doono maysan dirireen, laakiin Alla wuxuu doono ayuu sameeyaa.”
Suuradda Al-Baqara Aayadda 253
“Haddii Alla doono maysan sameeyeen, ee hafaryadooda uga tag.”
Suuradda Al-Ancaam Aayadda 137

“Idinka iyo waxaad sameyneysaanba Alla ayaa idin abuuray.”
Suuradda Al-Saafaat Aayadda 96

Laakiin iyadoo sidaas arrintu tahay, waxaynu rumeysannahay in Ilaahay siiyey dadka awood iyo doorasho ay ficil ku sameeyaan. Qofka ficilkiisu inuu awooddiisa iyo doorashadiisa ku dhoco waxaa u daliil ah:

Daliilka 1aad : Alla wuxuu yiri (SW):
“Xaasaskiina sidii aad doontaan ugu taga ee sharciga waafaqsan.”
Suuradda Al Baqara Aayadda 223

Sidoo kale wuxuu yiri:
“Munaafiqiintu hadday rabaan inay Jihaad u soo baxaan wey isu diyaarin lahaayeen.”
Suuradda Al-Towba Aayadda 46

Ilaahay wuxuu addoonka u sugayaa u tagid iyo diyaarin uu doonistiisa iyo iraaddadiisa kula imanayo.

Daliilka 2aad:
Faridda iyo ka reebidda iyo guud ahaan awaamirta Ilaahay qofka u soo jeedinayo hadduusan qofku lahayn awood iyo doorasho, in wax lagu waajibiyo, waxay noqonaysaa isagoo wax uusan awoodi karin la faray, taasina waa arrin ay diidayso xikmadda Ilaahay iyo naxariistiisa iyo khabarkiisa runta ah ee uu yiri:
“Qofna Alla kuma waajibiyo wax uusan awoodi karin.”
Suuradda Al Baqara Aayadda 286

Daliilka 3aad:
In qofku wanaagsan wanaaggiisa lagu ammaano, kii xunna xumidiisa lagu sheego iyo iyadoo qof walba wuxuu mudan yahay lagu abaal mariyo.
Haddii ficilku uusan ku dhicin qofka dooniddiisa iyo doorashadiisa, qofka fiican in la ammaano waxay noqon lahayd ciyaar, kan xunna in la ciqaabo waxay noqon lahayd dulmi.

Daliilka 4aad:
In Alla soo diray rusul.
“U bishaaraynaysa (qofkii raaca) una digaysa (qofkii caasiya) si dadku Ilaahay aysan xujo ugu helin rususha kaddib.”
Suuradda Al-Nisaa Aayadda 165

Haddii uusan ficilka qofku ku dhacayn doonistiisa iyo doorashadiisa, qofka xujadiisu kuma burteen rususha Alla soo diray, oo wuxuu oran lahaa wax qoran ee qasab ah bay aheyd inaan sidaa falo.

Daliilka 5aad:
Qof kasta oo wax samaynaya wuxuu dareemayaa inuu shay sameynayo ama ka tagayo, asagoo wax ku qasbaya aan dareemeyn, wuxuu ku istaagayaa, fariisanayaa, soo gelayaa, baxayaa, safrayaa, oo ku nagaanayaa doonistiisa oo qura, mana uu dareemayo qof arrintaas ku qasbaya, wuxuuna si la taaban karo u kala saarayaa inuu wax doorto iyo in lagu qasbo, shareecaduna sidaas oo kale ayey u kala saartay, oo qofkii wax lagu qasbo loo ciqaabi maayo, waa wixiise xaqa Ilaahay ku saabsan.
Waxaynu rumaysannahay inuusan qofka caasiga ahi qaddarka Ilaahay macsidiisa xujo uga dhigan karin, waayo qofka caasiga ahi macsida ikhtiyaari ayuu ku doontay asagoon ogeyn in Alla u qaddaray, waayo qofna ma ogaan karo qaddarka Ilaahay ilaa uu ku dhoco qofkii loo qadaray mooyee.
“Qofna ma oga wuxuu berri heli, haleelayana.”
Suuradda Luqmaan Aayadda 34

Sidee u dhici kartaa in xujo uu ka dhigto xujo uusan garanayn qofka xujeysanayaa markuu u socdey waxay ka xayirtay, xujadaas waxaa ku buriyey aayaadan:
“Kuwa Mushrikiinta ahi waxay oran doonaan haddii Alla doono shirki ma sameyneen annaga iyo aabbayaalkayo, waxna ma xarrimneen. sidaas oo kale ayey u beeniyeen xaqa kuwii iyaga ka horreeyey, ilaa ay dhadhamiyeen cadaabkeenna, ku dheh ma haysaan cilmi aad noo soo bixinaysaan, waxaan male ahayn raacimaysaan, waxaadna tihiin kuwo mala been awaalaya.”
Suuradda Al-Ancaam Aayadda 148

Waxaan ku oranaynaa caasiga qaddarka Ilaahay xujo ka dhiganaya: maxaad cibaadada u aadi weydey adiga oo ka dhigaya in Alla kuu qaddaray, waayo farqi uma dhexeeyo cibaadada iyo macsida marka aan ka eegno xagga ogaal la’aanta kii laguu qaddaray ilaa ficil aad sameyso, sidaas awgeed Nabigu markuu asxaabta u sheegay in qof walba meeshii uu Jannada iyo Naarta ka fariisan lahaa la qoray waxay ku yiraaheen, oo maan iska tala saaranno oo camalka iska deyno, wuxuu ku yiri ha yeelina ee camal fala qof walba wixii loo abuuray ayaa loo fududeynayaaye.
Waxaan ku oranaynaa caasiga qaddarka xujo ka dhiganaya: haddaad rabtid inaad magaalo u safartid oo ay laba dariiq leedahay, oo uu kuu sheego qof runlow ahi in midkood adag yahay oo cabsi leeyahay kan kalena sahal yahay iyo aamin, waxaad qaadeysaa kan labaad, mana dhici karto inaad inta kan hore qaaddid tiraahdo Alla ayaa ii qaddaray, haddaad sidaas samaysona dadku waxay kugu tirinayaan qoloda waalan.
Waxaan kale oo ku leennahay: haddii labo shaqo laguu soo bandhigo, oo ay midi mushaaro badan tahay, tan mushaarada badan ayaad ka dooranaysaa tan mushaarada yar haddaba sidee noloshaada aakhiro ugu dooraysaa camalka liita kaddibna qaddarka xujo uga dhiganaysaa?
Waxaan kale oo ku leennahay: waxaan ku arkaynaa haddii cudur jirka kaaga dhoco, inaad dhakhtar walba illinkiisa garaacysid, si uu kuu daweeyo, waxaad ku sabraysaa xanuunka qalidda iyo qaraarka daawada, maxaad sidaas ugu samayn weydey qalbigaaga macsida u jirran?
Waxaynu rumeysannahay sharta inaan Ilaahay loo tiirin karin, xikmaddiisa iyo naxariistiisa oo kaamil ah awgeed, Nabigu wuxuu yiri:
(Sharta adiga laguuma tiiriyo.) Muslim ayaa weriyey.
Xugunka Ilaahay naf ahaantiisu waligiis shar ma leh, waayo wuxuu ka soo fulayaa Ilaahay naxariistiisa iyo xikmaddiisa.
Shartu waxay ku jirtaa waxa uu xukmiyey, sida Nabigu uu yiri markuu ku ducaysanayay ducada Qunuutka ee uu baray Xasan:
(Waxaad xukmisay shartooda iga kori.)

Sharta wuxuu u tiiriyey waxa la xukmiyey, isla mar ahaantaas sharta ku jirta waxyaabaha la xukmiyey shar mutaxan oo qura ma aha ee waa shar meeshiisa shar ku ah marka dhinac laga eego, waji khayrna yeelan kara, ama waa shar meeshiisa shar ku ah, meel kalena khayr ku ah.
Fasaadka dhulka ka dhacaya stda abaarta, cudurrada, faqriga iyo cabsida waa shar meel kalena khayr ayuu ku yahay, Alla wuxu yiri:
“Badda iyo birriga fasaad ayaa ka muuqday dadku waxay sameeyeen awgeed, Ilaahay wuxuu ku ciqaabayaa waxay sameeyeen qaarkood si ay u soo toobad keenaan.”
Suuradda Al Ruum Aayadda 41

Tuugga oo gacantiisa la gooyo iyo dhillayga iyo dhillada (horay u guursaday) oo dhagax lagu dilaa waa shar marka loo eego tuugga iyo dhillayga dhinac kalese markaan ka eegno waa u khayr oo kafaara gud ayey u tahay oo la isugu dari maayo ciqaabka adduunka iyo mid aakhiro, meel kalena khayr ayuu ku yahay oo waxaa ku jirta ilaalin maalka, sharafta iyo abtirsiga Muslimiinta.

WAA CUTUB
Caqiidadaan wanaagsan ee kulminaysa usuushan waaweyn waxay u tarminaysaa qofkii ictiqaadiya miro badan.
Rumaynta Alla, magacyadiisa iyo sifaadkiisu waxay qofka u tarminaysaa Alla jeclaantiisa iyo weynayntiisa, taasoo keenaysa inuu qofku fuliyo amarka Ilaahay oo uu ka fogaado wixii Ilaahay uu ka reebay, taasaana lagu gaari karaa liibaanta adduunka iyo tan aakhiroba, qof iyo ummad ahaanba.
“Qofkii wanaag sameeya isagoo mu’min ah rag iyo dumarba waxaan ku noolaynaynaa nolol wanaagsan, waxay camal faleen kan ugu wanaagsan ayaannu ku abaal marin doonnaa.”
Suuradda Al-Naxal Aayadda 97

Malaa’igta rumaynteeda miraheeda waxaa ka mida:
1. In ogaado Allihii abuuray weynankiisa, awooddiisa iyo boqornimadiisa.
2. In Alla loogu shukriyo siduu addoomihiisa u ilaaliyey, isagoo u sameeyay malaa’ig ilaalinaysa oo camalkooda qoraysa iyo maslaxaddooda kaleba.
3. In malaa’igta lagu jeclaado sida wanaagsan ee ay addoomaha Ilaahay ugu shaqeeyeen iyo Mu’miniinta ay u dambi dhaaf weydiinayaan.

Kutubta rumaynteeda miraheeda waxaa ka miida:
1. In la ogaado sida Ilaahay ugu naxariistay oo u dhowray khalqigiisa markuu u soo dajiyey qolo walba kitaab uu ku hanuuninayo.
2. Xikmad Ilaahay oo ka muuqanaysa jideynta uu ugu jideeyey kutubtaas ummad walba waxa u munaasabka ahaa, kutubtaas oo lagu khatimay Qur’aanka oo munaasab u ah khalqiga oo idil waqti walba iyo meel walba ilaa Qiyaamaha.
3. In Ilaahay looga shukriyo nicmooyinkaas uu bixiyey.

Rususha rumayntooda miraheeda waxaa ka mida:
1. In la ogaado sida Alla ugu naxariistay una ilaaliyey khalqigiisa markuu u soo diray rusushaas wanaagsan si ay u hanuuniyaan oo u waaniyaan.
2. In Ilaahay loogu shukriyo nicmaddaas weyn.
3. In rususha la jeclaado, la weyneeyo laguna ammaano wixii u cuntama, waayo Ilaahay ayaa soo dirsaday kana doortay addoomihiisa, waxay gudanayaan cibaadadiisa, gaarsiinta diintiisa, u naseexaynta addoomihiisa iyo dhibkooda oo
ay ku sabrayaan.

Rumaynta Qiyaamaha miraheeda waxaa ka mida:
1. In lagu dadaalo adeecidda Ilaahay iyadoo la rajeynayo ajarka aakhiro iyo macsida oo laga fogaado iyadoo laga baqayo ciqaabta aakhiro.
2. Qofka mu’minka ahi oo laga maaweeliyo wixii adduunka nicmo iyo raaxo ku dhaafay, iyadoo la xasuusinayo ajarka iyo nicmad uu aakhiro filayo.

Rumaynta qaddarka miraheeda waxaa ka mida
1. In Ilaahay lagu tiirsado marka asbaabta lala imaanayo, waayo sababta iyo la imaanshihiisuba waa qaddarka Ilaahay.
2. Nafta oo ku raaxaysanaysa iyo qalbiga oo ku dagaya, waayo markuu ogaado qofku in arrintaasu qaddar Ilaahay ku dhacday ayna khasab ahayd inay dhacdo, naftiisa ayaa raaxaysanaysa, qalbigiisuna waa dagayaa, wuxuuna raali ka noqonayaa qaddarka Rabbi, qofna kama nolol fiicna, kamana raaxo badna, oo kama daganaan badna ciddii rumaysa qaddarka.

3. Nafta isla weynideeda oo uu qofku ka tago marka uu muraadkiisa helo, waayo muraadka heliddiisu waa nicmo Ilaahay qaddaray asbaabta khayrka iyo guusha, markaasuu qofku Ilaahay ku shukrinayaa oo iska daynayaa isla waynida iyo faanka.

4. Walwalka iyo qaylada oo uu iska daayo qofku marka wuxuu rabey dhaafaan ama dhib ku dhoco, waayo taasi waxay ku dhacday Allaahii cirka iyo dhulka lahaa qaddarki, inay dhacdona waa khasab, markaasaa qofku sabrayaa oo ajar Ilaahay weydiisanayaa.
Arrintaas waxaa Ilaahay ku ishaaray qowlkiisa:
“Musiibo kasta oo dhulka iyo naftiinna ku dhacda kitaab ayey ku qorneyd intaanaan ifka u soo saarin ka hor, taasi Ilaahay waa u fududdahay, sidaas waxaannu u yeelay si aydaan uga xumaan wixii idin dhaafay oo ugu farxin wuxuu Ilaahay idiin siiyey, Ilaahay ma jecla mid kasta oo isqaadqaad iyo faan badan.”
Suuradda Al-Xadiid Aayadda 22

Alla waxaynu weydiisanaynaa inuu nagu sugo caqiidadaan miraheedana na siiyo oo uu fadligiisa noo badiyo, oo markuu na hanuuniyey kaddib uusan qalbigeena dhumin, oo uu nooga hibeeyo xaggiisa naxariis asaga ayaa Wahaab ahe, mahadda waxaa leh Rabbiga uunkan leh, abuuray, maamulana.
Naxariis iyo nabadgelyo ha siiyo Nabigeenii Muxamad, ehelkiisii, asxaabtiisii iyo ciddii iyaga wanaagga ku raacday.