Ilmada Ilmaha

Ilmada Ilmaha

Sida hooyo ubadkeeda
uur iyo ku qaad dhabarka
oohin iyo u diid silica
Anshax iyo wanaag baridda
aayaha u kori taagaa
Ayaad uga egtahay samirka
Eed maleh naftaydani
Hadday ku oggolaatee
Waa ammaanta inaad u qallantaa
Waa amaanta inaad u qallantaa!

* Waa qayb ka mid ah heestii caanka ahayd ee ay ku luuqayso fannaanadda Xabiiba Xasan Tooxow.

Waxaan buugan ku sharfay wallaalahay gabdhaha ah oo dhamaantood hooyooyin ah, magacyadoodana kala ah:

Sahra Maxamud Dhiilood “Sahra-Cawshaan”
Xaliimo Maxamud Dhiilood “Xaliimo-Bahja”
Caasha Maxamud Dhiilood “Caasha-Calan”
Saynab Maxamud Dhiilood “Saynab-Dhuux”
Farduus Maxamud Dhiilood “Indho-u-Roon”

Ka Feker

Allow koriye, koriyow,
Makhluuqoo dhan koriyoow
Allaw ubadka noo kori
Kumaanyaal malyuunoo
Ku hoos nool badwayntaad
Kayn barwaaqo siisaye
Allow ubadka noo kori
Kaneecadiyo nibiraga
Midba kibista uu cuno
Waad kafaalo qaadaye
Allow ubadka noo kori;
Waddan horukac saa ka ahee!
Bulshadii ku waan tahayee!
Mabda’na ku kala tegayey!
Kurbo kama baxaayee
Allaw ubadka noo kori
Allaw ubadka noo kori
Wax san keenihiiyoow
Agoon koriyihiiyow
Kulligood addoomaha
Mid waliba kobta uu jiro
Ku ogaadihiiyoow
Allaw koonka meeshaan
Ku lahayn dagaaliyo
Kulayl baa ka taagene
Rabboow meel isugu keen

Aamiin

Kala yaacday beeshuye
Kasmo iyo garaadbaa
Kaska ruuxa deeqee
Waxaan kaw isugu nidhi
Kolay maanan garanine
Kufnayoo dhamaanaye
Allaw ubadka noo kori
Kaynaanka nololeed
Kaw waxaa u barwaaqo ah
Rabbow kaalmadaadii,
Korka nooga soo fidi
Allaw kaydka qarankiyo
Dhallinyarada koox koox
Kaymaha u daadsani
Ha is kaashadeenoo
Calanka ha u kifaaxeen
Allaw wada jir noo keen
Colaad reer ku kala tegay
Ilmo uma kobcaanoo
Kashu uma qabawde’ee
Aan kan qudha wadaagnee
Wixii jiraba koriyaw
Aan midnimada korinee
Allaw ubadka noo kori
Rabbow ubadka noo kori.

* Erayadii abwaan Cabdiqaadir Xirsi Yamyam, codkii Saado Cali Warsame.

Ilmada Ilmaha

Mahadnaq

Ilaah ayaa mahad oo dhan leh, Ilaah ayaa xumo iyo nusqaan oo dhan ka hufan, Ilaah ayaana xamdi iyo mahad oo dhan leh: in le’eg tirada makhluuqaadkiisa (uunkiisa), in le’eg raalli-ahaantiisa, in le’eg quruxda carshigiisa iyo in le’eg tirada hadalkiisa (kalaamkiisa). Aabbahay Maxamuud Dhiilood Warsame iyo hooyaday Tusmo Maxamed Nuur ayaan u celinayaa mahad, Ilaahayna uga baryayaa denbi dhaaf iyo inuu naxariistiisa ballaadhan u hibeeyo.

Maxamed Jaamac Oomaar iyo in kale oo badan oo aanu ku kulanay intii aan qorayey buugan oo aan ka diyaariyay af-kooda, ka gadaal markii aan ka codsaday inay iga gacan siiyaan iigana qisoodaan siyaabihii ay u soo koreen. Dhammaan saaxiibadan waxaan u jeedinayaa soo dhowayn iyo ammaan sidii hagar la’aanta ahayd ee ay iiga gacan siiyeen soo bandhigidda buuggan, waxayna ka cudur daarteen qaarkood in aan magacyadooda lagu soo bandhigin buugga.

Caasha Axmed Cabdalle oo gacan wayn iga siisay buuggan ayaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa. Sidaa oo kale saaxiibada aan soo xigtay qoraaladooda iyo cilmi baadhidooda, hadday qof qof yihiin iyo hadday daraasado jaamacadeed yihiin: waxaan leeyahay waad mahadsantihiin. koleyna waxaad ku arki doontaan waxa loo yaqaan cagta hoose ee xaashida.

Hordhac

Hilaaddii waqti ku abbaarran ama ku beegan 30 Agosto 1999; illaa bilihii xigay waxay ahayd markii ay dagaal ka bilaabeen maleeshiyaad ka soo horjeeday aftidii laga qaaday dadka ku dhaqan waddanka Timoor Bari oo maxsuulkeedu noqday madaxbanaani, ayse ka murugoodeen maleeshiyaad ay taageeraysay dawladda Induniisiya. Dagaalkaasi wuxuu sababay ku dhowaad 1400 oo dhintay, iyo in ka badan 300000 oo ku qaxay waqooyiga Timoor Bari.

Markii aan fiiriyay filim laga soo qaaday dadkaa qaxootiga ahaa oo aan ku arkay wiil yar oo ka mid ahaa dadka qaxayay dhabtase ku haystay kubbad yar, kasoo aan laba socon xaalku meesha uu marayo iyo in uu waqtigan yahay naf u yaab. Waxaan xasuustay will yar oo aan dhalay, oo waxaa igu soo dhacay oo layaab igu noqotay sida aanu wiilka yari ula soconba xaalku meeshuu marayo. Waxaan ogaaday in wiilkayga oo hooyadii aan kala tagnay, markaase ayeeyadii hooyo haysay in aan ka galay denbi; waloow ayeeyaddii dadka ugu jeclayd isna uu ugu jeclaa oo aanu wax dhibaato ah kala kulmin furriinkii aabbihii iyo hooyaddii. Waxay ku dhaqaaqday maskaxdu in aan dadka waydiiyo siyaabihii ay u soo koreen iyo dhibaatooyinka ku gadaman is afgaranwaaga aabbaha iyo hooyada iyo waxyaalaha dabiiciga ah, sida dhimashada labada waalid midkood ama dhammaantood, dagaalada iyo aafooyinka la midka ah raadadka ay ku yeeshaan in badan oo bini-aadmiga ah; ayse ugu tabaalo badan yihiin carruurtu.

Maxaa yeelay carruurta, garaadkooda, murqahooda, lafahooda, seedahooda iyo jidhkoodu ma hana qaadin oo uma adkaysan karaan dhibaatada, gaajada, haraadka, daalka iyo u dhabar adayga nolosha guud ahaaneed. Sidaa daraadeed waxay u baahan yihiin ilaalin iyo ka dhawrid waxyaalahaa aan dabiiciga laga tegi karo ahayn ee keena dhibkooda, sida dagaaladda, kala-tagga aabbaha iyo hooyadda, iyo waxyaalaha la mid ka ah. Buugu wuxuu ka kooban yahay saddex qaybood oo kala duwan oo haddii aan wax ka taabto kala ah:

Qaybta koowaad waa waraysiyo aan la yeeshay dad iiga waramay waayo aragnimadooda iyo siyaalihii ay u soo koreen ee agoonimo, rajaynimo, agoon iyo rajay (agra: eray bixin labadaba ah), furiinka iyo kala-tagga waalidka.

Qaybta labaadna waa daraasado ay ka mid yihiin dhibaatada carruurta oo hay’ado iyo shaqsiyaad kala duwani diyaariyeen, kuna saabsan korinta iyo daryeelka guud ee ilmaha aad gacanta ku hayso, iyo kuwa kale ee kuu baahan adduunkoo dhan.
Qaybta saddexaad ee buuggan waxay ku saabsan tahay shaqada carruurta ee duruufuhu keeneen ma lagu ijbaaro iyo saboolnimada aan taageerada helin dhibaatooyinkeeda, waxaana weheliya dhibaatooyinka iyo suurta gelinta is-addoonsiga cusub sida:

shaqada carruurta, saboolnimada, gudniinka Fircoon iyo kufsiga.

Inta aynu ku dhexjiro buuggan waxaan ka dhex heli doonnaa aayado Quraan ah, axaadiis Nebigu wax inoogu sheegayo, sheekooyin gaagaaban, wuxuun maah-maaho ah, iyo suugaan gaagaaban oo mawduucyada ku hagaagsan. Sidaa oo kale heeso ay tiriyeen abwaano Soomaaliyeed oo khuseeya buugga. Sidaa oo kale cilmi baadhisyo iyo sawirro muujinaya murugada ballaadhan ee meesha taal.

Agoonta iyo Rajayga

Agoonta iyo rajaygu waa ilmaha aabbahood ama hooyadood dhinto inta ay yaryar yihiin, si kastaba ha u dhintee. Taas waxaan ula jeedaa dhimashadu waxay ku timaadaa dariiqyo badan oo dhamaantood ah in ay dhammaatay muddadii Eebbe ugu tala galay in qofkaasi noolaado; waxaase addoonkaasi ku dhintay laba arrimood midood oo kala noqonaaya bir ama bes micnuhu yahay in la dilay ama uu si kale oo aan bini-aadmi shaqo ku lahayn u dhintay.

Dhimashada addoonkaasi dhintayna waxay noqotaa laba mid uun oo kala ah, in uu dhintay addoonku isagoo Eebbe raalli ka yahay, iyo inuu dhintay isagoo Ilaah u cadhaysan yahay, Ilaah ayaan magangalay. Waa mawduuc dheere, ilmaha uu addoonku ka tegay waxay leeyihiin xuquuq ah in la koriyo, lana barbaariyo, hanti wixii aabbahood ama hooyadood ka tegeenna la dhowro oo loo ilaaliyo inta ay iyagu ka qaadanayaan waajibaadkaa.

Xuquuqda iyo ilaalinta carruurta agoonta ama rajayga ahi waxay saaran tahay ciddii Ilaahay saaray, ee ah qaraabe ama rixim iyo guud ahaan dadka Islaamka ah gaar ahaana madaxda iyo maamulayaasha ammuuraha Islaamka ee dalka iyo dadka mas’uulka ka ah. Eebbe Sarreeye wuxuu meelo badan oo Quraanka ah kaga hadlay xuquuqdda iyo waajibaaddada carruurtaa agoonta ah ee waalidkood ka tegay la noolaanshahooda cilmiyadda Eebbe awgood,waayo wuxuu awoodaa in aanu cidna agoon ka dhigin ama dadka oo dhan uu agoon ka dhigo. Dardaarankaa ay tahay in la fuliyaa oo uu dar- daarmay mid amarkiisa lama diidaan ay tahay, eeg suuradaha iyo aayaadka:

Ad-Duxaa

(1) Eebbe wuxuu ku dhaartay barqinka.

(2) Iyo habeenku markuu xasilo [madoobaado]

(3) Inaan Eebbe kaa tagin [Nabiyow] kuuna cadhoonin

(4) Aakharana kaaga khayr badan adduunka

(5) Eebbaana ku siin doona [wanaag] waadna raalli noqon

(6) Miyuusan ku helin Eebbahaa adigoo agoon ah oosan ku dhawaynin?

(7) Miyuunase ku helin adigoo baadi ah oosan ku hanuuninin?

(8) Miyuunase ku helin adigoo caydh ah oosan ku hodminin [kuu waxyoonin]?

(9) Ee agoonta ha xoogin [hana dhibin]

(10) Ka wax su’aalina ha canaanan

(11) Nicmada Eebbahaana ka sheekee [ku mahadi]

Al-Maacuun

(1) Ka warrama kan beenin abaalmarinta [Qiyaamada]

(2) Kaas xooga agoonta [xaqeeda]

(3) Aan kuna boorrinaynin quudinta miskiinka

(4) Waxaa halaag u sugnaaday kuwa tukan [waa munaafiqiinta]

(5) Ee haddana halmaansan salaaddooda

(6) Dadkana is tusiya

(7) Una diida alaabta [laysugu kaalmeeyo].

An-Nisaa

(129) Ma kartaan inaad sintaan haweenkiinna dhexdooda aadba dadaasheene ee ha ka iilanina, iilasho dhan, oo ka tagtaan sida mid xidhan [dayacan] haddaad wanaajisaan ood dhawrsataan Eebbe waa dambi dhaafe naxariista.

Al-Baqara

(231) Haddaad furtaan haweenka oy gaadhaan muddadooda u haysta si fiican ama u siidaaya si fiican, hana u haysanina inaad dhibtaan si aad u xadgudubtaan, ruuxii fala sidaas wuxuu dulmiyey naftiisa, ee haka yeelina aayaadka Eebbe jees jees, xusuustana nicmada Eebbe ee korkiina iyo wuxuu ku dejiyey korkiinna oo Kitaab iyo xikmad ah [Sunnada], wuu idinku wacdoon Eebbe Quraanka, ee ka dhawrsada Eebbe, ogaadana in Eebbe wax kasta ogyahay

(232) Haddaad furtaan haweenka oo ay gaadhaan mudadooda ha u diidina inay guursadaan nimankooda hadday raalli isu noqdaan si fiican, arrintaasu waa mid la idinku waanin ciddi idin kamid ah oo rumayn Eebbe iyo maalinta dambe, saasaana idiin waanaagsan oo idiin nadiifsan, Eebbana waa ogyahay idinkuna ma ogidin.

Al-Baqara

(223) Haweenkiinnu beer bay idin yihiin ee ugu taga beertiinna saad doontaan [oo bannaan] una hormarsada naftiinna [wanaag] Eebbana ka dhawrsada ogaadana inaad la kulmaysaan Eebbe una bishaaree mu’miniinta.

Al-Talaaq

(6) Dejiya haweenkaas [ciddada ku jira] meelahaad deggan tihiin eed heli kartaan, hana dhibina si aad u ciriiridaan, hadday uur leeyihiinna nafaqeeya [masruufa] intay ka ummulaan [ka dhalaan], hadday ilmaha nuujiyaanna siiya ujuuro, wanaagna is fara, haddii laysku qabto nuujintana mid kale ayaa nuujin.

Saba’

(39) Waxaad dhahdaa Eebbehay wuxuu risqiga u fldiyaa cidduu doono oo addoomadiisa ka mid ah, kuu doonana wuu ku cidhiidhiyaa, waxaad bixisaan oo kastana Eebbaa idiin beddeli, Eebbena isagaa u khayroon inta wax arsaaqa.

Aali-Cimraan

(92) Ma gaadhaan samafal intaad wax ka bixisaan waxaad jeceshihiin, waxaad bixisaana Eebbe waa ogyahay.

Al-Baqara

(286) Kuma mashaqeeyo Eebbe naf waxay awoodo mooyee, waxay mudan waxay kasbatay [oo wanaag ah] waxaana korkeeda ah waxay isu kasbatay [oo xumaan ah] Eebbow ha noo qabanin haddaan halmaanno ama gafno, Eebbow hanagu xambaarin culays saad ugu xambaartay kuwii naga horreeyey, Eebbow hanagu xambaarin [dhibin] waxaanaan awood u lahayn, na cafina oo noo dhaaf noona naxariiso, adaa gargaarahanaga ahe, nooga gargaar qaarka gaalada ah.

(215) Waxay ku warsan maxay bixiyaan, waxaad dhahdaa waxaad bixisaan oo khayr ah waxaa mudan labada waalid qaraabada, agoonta, masaakiinta iyo socdaha, waxaad fashaana oo khayr ah Eebbe waa ogyahay.

At-Taxriim

(6) Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawra naftiina iyo ehelkiinna Naar lagu shido dad iyo dhagax ay kana [shaqeeyaan] malaa’ig adag oo daran oon Eebbe ku caasiyeyn wuxuu faro, falana wixii la amro.

Muxammad

(21) Daacadnimo iyo hadal wanaagsan yaa u khayr roonaan lahayd, markase xaalku dhaboobo [jahaad la galo] hadday Eebbe u run sheegaan yaa u khayr badan.

(22) Amaad mudan tihiin haddaad xaqa [jahaadka] ka jeedsataan inaad fasaadisaan dhulka, qaraabadiinnana goysaan.

Al-Racad

(25) Kuwa buriya ballanka Eebbe adkayntiisa ka dib gooyana wuxuu faray Eebbe in la xidhiidhiyo oo fasaadiyana dhulka kuwaas waxaa u sugnaaday lacnad iyo guri xun

(26) Eebbaana u fidiya risqiga cidduu doono kuna cidhiidhiya [cidduu doono], waxayna ku farxeen gaaladii nolosha adduunyo, mana aha nolosha adduunyo Aakharo agteeda waxaan maalmo lagu raaxaysto ahayn.

An-Nisaa

(36) Caabuda Eebbe hana la wadaajinina waxba, labada waalidna u wanaag fala, iyo qaraabada, agoonta, masaakiinta, dariska dhaw, dariska durugsan, saaxiibka dhinaca, socotada iyo waxay hanatay gacmihiinnu, Eebbana ma jecla cidda kibirka badan ee faanka badan (37) [oo ah] kuwa bakhayla, farana dadka bakhaylnimo qarinna wuxuu siiyey Eebbe oo fadli ah, waxaana u darabnay gaalada cadaab wax dulleeya.

Al-Baqara

(177) Samo falku ma aha inaad wajiga u jeedisaan qorax ka soo bax iyo qorax u dhac, laakin sama fale waa ruuxii rumeeya Eebbe, Qiyaame, malaa’igta, Kitaabka [kutubta Alle], Nabiyada, oo siiya xoolaha isagoo jecel qaraabada, agoonta, masaakiinta, masaafirka, kuwa baryootama, fakin qoor, oogana salaadda, bixiyana sakada, oofiyana ballankooda markay ballamaan, samra [adkaystana] waqtiga saboolnimada iyo dagaalka, kuwaasina waa kuwa ka runsheegay iimaankooda, waana kuwa dhawrsada.

An-Nisaa

(34) Raggaa u taagan [maamulka] haweenka, ka fadili-da Eebbe qaarkood qaar iyo ku-nafaqaynta xoolahooda darteed, [haweenka] wanaagsan way addeecaan ilaaliyaanna maqnaasho ilaalinta Eebbe darteed, kuwaadse ka cabsataan caasinimadooda waaniya, kagana fogaada jiifka edbiyana, hadday idin addeecaanna ha u dalbina korkooda jid [inaad dhibtaan], Eebbana waa Sare Wayn.

(35) Haddaad ka cabsataan iskhilaafka dhexdooda, u bixiya xaq soore ehelkiisa ah iyo xaq soore ehelkeeda ah, hadday doonaan wanaajinna Eebbe wuu is-waafajin dhexdooda, Eebbana waa oge xeeldheer.

* Xigasho: e-quran.com/language/somalian

Sidaa oo kale Rasuulka suubani naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee wuxuu xadiisyo badan kaga hadlay arrimaheena dhan walba leh, kuwaa oo ka buuxa kutubta axaadiista. Halkan waxaan ku soo bandhigaynaa axaadiistan oo lagasoo xulay kitaabka Riyaadu Saalixiin.

  1. Sahal ibnu Sacad (A.K.R.) wuxuu yiri: “Nebigu wuxuu yiri: ‘Aniga iyo kan agoonka daryeela, waxaynu gali Jannada innagoo sidaa oo kale ah,” wuxuuna kor u qaaday fardhexada iyo murugsatada oo simay oo isu dhaweeyey tusaale ahaan. Bukhaari.
  2. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu wuxuu yiri: “Aniga iyo kan daryeela agoonka, xigto hala ahaado, ama shisheeye haka ahaadee waxaynu ahaan doonnaa sida labadaa Jannada dhexdeeda,’ weriyaha xadiiska Nabiga ka soo xigtay (oo ah Maalik bin Anas) wuxuu kor u taagay fardhexaada iyo murugsatada oo simay si uu arrintaasi u muujiyo.” Muslim.
  3. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu wuxuu yiri: “Miskiinku ma aha kan ay celinayso oo ku tagaya xabad timir ah ama laba xabbo ama hudhmo ama laba hudhmo, miskiinka dhabta ahi waa kan isagoo faqri qaba ka xishoonaya baryada.” Bukhaari iyo Muslim.
  4. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu wuxuu yiri: “Ninkii u dadaala oo u shaqeeya dumarka da’da ah ee laga dhintay iyo masaakiinta wuxuu heli ajar la mid ah mujaahidka (jidka Alle u diriraya).” Weriyaha xadiiska wuxuu yiri, ‘Waxaan u malaynayaa inuu Nabigu intaa raaciyey, “Wuxuuna heli ajar la mid ah kan habeenkii oo dhan salaadda u taagan oo aan daalayn iyo kan soomanaha ah ee aan afurin.”’ Bukhaari iyo Muslim.
  5. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu wuxuu yiri: “Cuntada waxaa u xun cuntada martiqaadka ah ee aroosyada ee aan looga yeerin dadkii u baahnaa, laguna casuumo dad aan dooneyn inay ka soo qayb galaan; qofkii casumaad loogu yeero oo diidana Alle iyo Rasuulkiisuu ku caasiyey.” Muslim.

Werin kale oo ku sugan Bukhaari iyo Muslim waxay leedahay:

“Cunto waxaa u xun cuntada martiqaadka aroosyada ee dadka maal qabeenka iyo hodanka ah looga yeero, saboolkana laga tago.” Bukhaari iyo Muslim.

  1. Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu wuxuu yiri: “Qofkii laba gabdhood masaruufa (yacni siiya masruuf, marasho, kuna barbaariya barbaarin diini ah iyo Alle ka cabsi) ilaa ay ka qaan gaaraan, wuxuu maalinta Qiyaame imaanayaa isagoo sida labadaas aan isku nahay,” intuu labada farood isku lammaaniyey. Muslim.
  2. Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: Waxaa ii timid naag wadata labo gabdhood oo ay dhashay oo iyaga wax u baryeysa, waxba ma hayn waqtigaa aan siiyo xabbad timir ah maahee oo aan siiyey. Waxay u kala jeexday labadeedii gabdhood, iyadiina wax ma cunin dabadeedna waa kacdoo iska tagtay. Waxaa yimid Nebiga oo aan u sheegay arrintaa, wuxuu yiri, “Qofkii lagu imtixaano gabdho dhalka oo markaas wanaajiya (yacni siiya masruuf, marasho, kuna barbaariya barbaarin diini ah iyo Alle ka cabsi, sida inay ku dadaalaan towxiidka, salaadda, sakada, xijaabka iyo is asturka, iyo waajibyada kale ee diiniga ah oo dhan, dabadeedna u guuriya nin diin iyo dabci wanaagsan leh) waxay xijaab iyo gaashaan uga noqon doonaan Naarta.” Bukhaari iyo Muslim.
  3. Abuu Shurayx Khuweylid ibnu Camar al-Khuzaaci (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu wuxuu yiri, “Alloow waxaan caddeyn inay dambi tahay (dhibaato weynna ay ka soo gaari) qofkii dayaca xuquuqda labada tabarta yar, agoonta iyo dumarka.” Nisaa’i. Fiiro gaar ah: Imaam Nisaa’i wuxuu sheegay inuu xadiiskan xasan yahay sanad wanaagsan.
  4. Muscab ibnu Sacad ibnu Abii Waqaas (A.K.R.) wuxuu yiri: Sacad baa wuxuu isu arkay inuu ka sito oo ka sarreeyo dadka liita aan sidiisoo kale u ladneyn. Nebigu wuxuu yiri, “Waxaa la idiinku hiiliyaa oo la idinku irsaaqaa dadkiinna tabarta yar dartood.” Bukhaari.
  5. Abuu Dardaa (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nabiga oo leh, “Farxadda iyo raallinimadayda waxaad ka dhex daydaan (daryeelka) dadka tabarta yar, waayo waxaa la idiinkaga hiiliyaa (cadowgiinna) oo la idinku siiyaa (risiqiinna) dadkiinna tabarta yar dartood.” Abuu Daawuud. Imaam Abuu Daawuud baa ku wariyey xadiiskan sanad fiican.

Fiiro gaar ah: Nuxurka iyo dhuuxa aayadaha Qur’aanka iyo axaadiista Nabiga ee kor ku xusan waa soo dhoweynta iyo marti gelinta iyo wax tarka dadka, gaar ahaan masaakiinta iyo dadka tabarta yar iyo ka fogaanshaha kibirka iyo isla weynida. Waayo isla weynidu waa sifo iyo tilmaan ku gaar ah Alle Weynaa oo kor ahaaye, mana jirto cid sifadaa iyo tilmaantaa la wadaagta. Sidaa awgeed kuma habboona addoomada Alle inay isla weyni muujiyaan ama naftooda u arkaan sida wax weyn oo sare.

Addoommada waxaa waajib ku ah inay ahaadaan kuwa martida soora oo soo dhoweeya oo isla markaa kibir iyo isla weyni ka maran. Waxaana waajib ku ah inay iskula dhaqmaan si nadiif ah oo ilbaxnimo ku jirto iyo naxariis. Intaa waxaa dheer, naxariista iyo jaceylka waa tilmaamo iyo arrimo aan ku koobneyn dadka oo keliya, bal xitaa waxaa la wadaaga nafley kale. Tilmaamahaana waxay ka cayaaraan dowr weyn hannaanka iyo hab socodka kownka. Sida uu dhigayo Qur’aanka Kariimka ah, magacaabidda Nabi Muxammad loo magaacaabay xilka ah ‘Rasuulkii Alle’ waxaa sabab u ahaa naxariista badan iyo gallada Alle.

  1. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu wuxuu yiri, “Wanaajiya dumarka oo si wanaagsan oo naxariis leh ula dhaqma. Dumarka waxaa laga abuuray feedh (feedhuna waa qalloocan tahay) dhinaca ugu qallooc badan feedhuna waa dhinaca sare. Haddii aad damacdo inaad toosiso waa jebinaysaa, haddii aad sideeda u deysana, qallooceeda bay iska ahaan. Marka wanaajiya dumarka oo si naxariis leh ula dhaqma.” Bukhaari iyo Muslim. Werin ku sugan Bukhaari iyo Muslim waxay dhigeysaa, “Haweentu waa feedh oo kale, haddii aad toosi is tiraa inay jabto bay halis u tahay haddii aad doonina inaad ka faa’iideysato, waad yeeli kartaa waase iyadoo qalloocan.” Bukhaari iyo Muslim. Werin kale oo Muslim ku taal waxay leedahay, “Haweenta waxaa laga abuuray feedh mana toosin kareysid. Haddii aad dooneysid inaad ku intifaacdo yeel sidaa inkastoo qallooc ku jiro. Haddii aad toosi is tiraana waad jabineysaa, jabinteedana waa furriinkeeda.” Muslim.
  2. Cabdullaah ibnu Zamca (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nebiga oo khudbaynaya, khudbaddaasoo uu kaga warramay hashii (Nabi Saalax) iyo habaar qabahii faylaha gooyey. Wuxuu ku yiri khudbaddiisaas, markii uu soo baxay hoogahoodii suuradda Ash-Shams aayadda 13aad, “Macnaha waa waxaa hashii u soo baxay madaxoodii oo shar wale ahaa, awood iyo kelmad ku dhex leh qabiilkii Samuud madaxna u ahaa, kaa baa u soo baxay si uu u faylo gooyo hasha.” Dabadeed Nabigu wuxuu ka dardaarmay haweenka oo yiri, “Midkiin baa haweentiisa garaacaya isagoo ula dhaqmaya sida addoon. Maalinta dhammaadkeedana waxaa laga yaabaa inuu la jiifsado oo u tago.” Misna wuxuu ka wacdiyey dhuusada lagu qoslayo, oo wuxuu yiri, “Bal muxuu qofku ugu qoslayaa qof kale, oo falaya wixii uu isagu (kaa qoslaya) qudhiisu falayey.” Bukhaari iyo Muslim.
  3. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu wuxuu yiri, “Yuusan ninka Muslimka ahi wax caro iyo naceyb ah u qaadin haweenta Muslimadda ah. Arrin buu ku qoonsan karaa, waxaase laga yaabaa inuu mid kale oo wanaagsan (ka helo) oo uu raalli kaga noqdo.” Muslim.
  4. Camar ibnu Axwas Jushami (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nebiga oo ku leh khudbaddiisii sagootiga ee uu ka jeediyey xajkiisii u dambeeyey markuu Alle hufay oo ammaanay, oo u digay ummaddiisa raacday, wuxuu yiri, “Dhageysta! Haweenka wanaajiya oo si naxariis leh ula dhaqma; waa il madow idin la jooga’e iyo maxaabiis gacantiinna ku jira. Wax intaa dheer oo aad ku leedihiinna ma jirto. Haddii ay akhlaaq xumo iska cad la yimaadaan, uga guura sariiraha. Markaa kaddib haddii ay idin addeecaan wax kale ha u raacanina. Dhageysta! Haweenkiinna xaq baad ku leedihiin, iyaguna xaq bay idinku leeyihiin, xaqa aad ku leedihiinna waxaa ka mid ah inaysan gogoshiinna ku fariisin qof aydaan raalli uga ahayn, gurigiinnana soo gelin karin qof aydaan dooneyn. Xaqoodana waxaa ka mid ah inaad hagaajisaan huggooda iyo hungurigooda (yacni masruufka iyo marashadooda).” Tirmidi baa weriyey oo yiri waa xadiis xasan ah oo saxiix ah.
  5. Mucaawiyah ibnu Xaydah (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan ka codsaday Rasuulkii Alle inuu ii sheego waxa ay haweentu ninkeeda xaq ugu leedahay, wuxuu yiri, “Quudi, sidaada oo kale, goortaad naftaada quudisidba. Arrad-tir sii sidaada oo kale ah goortaad arrad tiritaba, wejigana ha ku dhufan, ha af lagaadeyn (ama ha nacladin), markii aad u carootaanna oo aad damacdaan inaad ka fogaataan, guriga haka tegina, oo meel ka mid ah guriga ka jiifsada.” Abuu Daawuud.

The Tears of A Child

WAXAA QORAY: – XASAN MAXAMUUD DHIILOOD

Published by:
SCANSOM PUBLISHERS
BOX 6118,175 06
JARFALLA STOCKHOLM, SWEDEN
www.scansom.com
scansom@scansom.com
scansom@hotmail.com

ISBN : 978-91-85945-58-0
1st Edition, 2016 © All Rights Reserved

^ Sida hooyo ubadkeeda,
^ uur iyo ku qaad dhabarka ^ oohin iyo u diid sillica ^ Anshax iyo wanaag baridda,
^ aayaha u kori taagaa r* Ayaad uga egtahay samirka,
^ Eed maleh Naftaydani ^ Hadday ku oggolaatee
Waa ammaanta inaad u qallantaa ^ Waa amaanta inaad u qallantaa!.*
Waxaan buugan ku sharfay wallaalahay gabdhaha ah oo dhamaantood hooyooyin ah, maggacoodda
1. Sahra Maxamud Dhiilood [Sahra Cawshaan]
2. Xalliimo Maxamud Dhiilood [Xaliimo Bahja]
3. Caasha Maxamud Dhiilood [Caasha Calan]
4. Saynab Maxamud Dhiilood [Saynab Dhuux]
5. Farduus Maxamud Dhiilood {Tndho- u- roon]
*Waa qayb ka mid ah heestii caanka ahayd ee ay ku luuqayso fannaanadda Xabiiba Xasan Tooxow
3

Allow koriye, koriyow,
S Makhluuqoo dhan koriyoow S Allaw ubadka noo kori ^ Kumaanyaal malyuunoo “S Ku hoos nool badwayntaad ^ Kayn barwaaqo siisaye ^ Allow ubadka noo kori S Kaneecadiyo nibiraga S Midba kibista uu cuno
Waad kafaalo qaadaye S Allow ubadka nookori;
Waddan horukac saa ka ahee! S Bulshadii ku waan tahayee!
S Mab’dana ku kala tegayey!
S Kurbo kama baxaayee S Allaw ubadka noo kori ^ Allaw ubadka noo kori;
S Waxsan keenihiiyoow ^ Agoon koriyihiiyow S Kulligood addoomaha S Mid waliba kobta uu jiro “S Ku ogaadihiiyoow ^ Allaw koonka meeshaan S Ku lahayn dagaaliyo S Kulayl baa ka taagene S Rabboow meel isugu keen S Aamiin
4

S Kala yaacday beeshuye S Kasmo iyo garaadbaa S Kaska ruuxa deeqee S Waxaan kaw isugu nidhi S Kolay maanan garanine ^ Kufnayoo dhamaanaye ^ Allaw ubadka nookori S Kaynaanka nololeed S Kaw waxaa u barwaaqo ah S Rabbow kaalmadaadii,
S Korka nooga soo fidi S Allaw kaydka qarankiyo S Dhallinyarada koox koox S Kaymaha u daadsani S Ha is kaashadeenoo S Calanka ha u kifaaxeen S Allaw wada jir noo keen
S Colaad reer ku kala tegay S Ilmo uma kobcaanoo S Kashu uma qabawde’ee S Aan kan qudha wadaagnee ^ Wixii jiraba koriyaw ^ Aan midnimada korinee S Allaw ubadka noo kori S Rabbow ubadka noo kori1
1 Erayadii,abwaan C.X. yamyam, codkii Saado Cali Warsame ( Ahim)

MAHADNAQ

Ilaah ayaa mahad oo dhan leh, Ilaah ayaa xumo iyo nusqaan oo dhan ka hufan, Ilaah ayaana xamdi iyo mahad oo dhan leh:- In le’eg drada makhluuqaad kiisa “uunkiisa” In le’eg raali- ahaan tiisa, In le’eg quruxda carshigiisa, In le’eg drada hadal kiisa “Kalaam kiisa”. Aabbahay Maxamuud Dhiilood War same Iyo Hooyaday Tusmo Max’med Nuur ayaan u celinayaa mahad Illahayna, uga baryayaa denbi dhaaf iyo inuu naxariistiisa ballaadhan u hibeeyo.

Maxamed Jaamac Oomaar iyo in kale oo badan oo aanu ku kulanay intii aan qorayey buugan oo aan ka diyaariyay af-kooda, ka gadaal markii aan ka codsaday, inay iga gacan siiyaan iigana qisoodaan siyaabihii, ay u soo koreen. Dhammaan saaxiibadan waxaan u jeedinayaa soo dhowayn iyo ammaan sidii hagar la’aanta ahayd, ee ay iiga gacan siiyeen soo bandhigidda buuggan waxayna; ka cudur daarteen qaarkood in aan magacyadooda, lagu soo bandhigin buugga.

Casha Axmed Cabdalle oo gacan wayn iga siisay buuggan ayaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa. Sidaa oo kale saaxiibada aan soo xigtay qoraaladooda iyo cilmi baadhidooda, hadday qof qof yihiin iyo hadday daraasado jaamacadeed yihiin: waxaan leeyahay waad mahadsantihiin. koleyna waxaad ku arki doontaan waxa loo yaqaan cagta hoose ee xaashida (Footnote).
6

Hilaaddii waqti ku abbaarran ama ku beegan 30 august 1999; illaa bilihii xigay waxay ahayd markii ay dagaal ka bilaabeen maleeshiyaad ka soo horjeeday aftidii laga qaaday dadka ku dhaqan waddanka East-Timor oo maxsuulkeedu, noqday madaxbanaani, ayse ka murugoodeen maleeshiyaad ay taageeraysay dawladda Indonisa . Dagaalkaasi wuxuu sababay ku dhowaad 1400 oo dhintay, iyo in ka badan 300.000 oo ku qaxay waqooyiga East-Timore.

Markii aan fiiriyay Filim laga soo qaaday dadkaa qaxootigga ahaa oo aan ku arkay wiil yar oo ka mid ahaa dadka qaxayay dhabtase ku haystay kubbad yar, kasoo aan laba socon xaalku meesha uu marayo iyo in ay

waqtigan yahay naf u yaab. Waxaan xasuustay will yar oo aan dhalay, oo waxaa igu soo dhacay oo layaab igu noqotay sida aanu wiilka yari u laba socon xaalku meeshuu marayo.Waxaan ogaaday in wiil kayga oo hooyaddii aan kala tagnay, markaase ayeeyadii hooyo haysay in aan ka galay denbi; waloow ayeeyaddii dadka ugu jeclayd isna uu ugu jeclaa oo aanu wax dhibaato ah kala kulmin furriinkii aabbihii iyo hooyaddii.Waxay ku dhaqaaqday maskaxdu in aan dadka waydiiyo siyaabihii ay u soo koren iyo dhibaatooyinka ku gadaman is afgaran waaga aabbaha iyo hooyada iyo waxyaalaha dabiicigga ah, sida dhimashada labada waalid midkood ama dhammaantood, dagaalada iyo aafooyinka la midka ah raadadka ay ku yeeshaan in badan oo bini’ aadmiga ah; ayse ugu tabaalo badan yihiin carruurtu.

Maxaa yeelay carruurta, garaadkooda , murqahooda, lafa-hooda, seedahooda iyo jidhkoodu ma hana qaadin oo uma adkaysan karaan, dhibaatadda; gaajadda, haraadka, daalka iyo u dhabar adayga nolosha guud ahaaneed. Sidaa daraadeed waxay u baahan yihiin illaalin iyo ka dhawrid; waxyaalahaa aan dabiiciga laga tegi karo ahayn ee keena dhibkooda. Sida dagaaladda,kalatagga aabbaha iyo hooyadda, iyo waxyaalaha la mid ka ah. Buugu wuxuu ka koobanyahay saddex qaybood oo kala duwan oo haddii aan wax ka taabto kala ah. Qaybta koowaad waraysiyo aan la yeeshay dad iiga waramay waayo aragnimadooda iyo siyaalihii ay u soo koreen ee:
Agoonimo
Rajaynimo
Agoon iyo rajay(agra) eray bixin labadaba ah)
Furiinka iyo kala-tagga waalidka
Qaybta labaadna waa daraasado ay ka mid yihiin dhibaatadda carruurta, oo hay’ado iyo shaqsiyaad kala duwani diyaariyeen, kuna saabsan korinta iyo daryeelka guud ee ilmaha aad gacanta ku hayso, iyo kuwa kale ee kuu baahan adduunkoo dhan.Qaybta saddexaad ee buuggan, wuxuu ku saabsan yahay shaqada carruurta ee duruufuhu, keeneen ma lagu igbaaro iyo saboolnimadda aan taageerada helin
8

dhibaatooyinkeeda, waxaana weheliya dhibaatooyinka iyo suurta gelinta is addoonsiga cusub sida:-
Shaqada carruurta Saboolnimada Gudniinka Fircoon Kufsiga
Inta aynu ku dhexjiro buuggan waxaan ka dhex heli doonnaa aayado quraan ah, axaadiis nebigu NNKH, wax inoogu sheegayo, sheekooyin gaagaaban wuxuun maah-maaho ah, iyo suugaan gaagaaban oo mawduucyada ku hagaagsan. Sidaa oo kale heeso ay tiriyeen abwaano Soomaaliyeed oo khuseeya buugga. Sidaa oo kale cilmi baadhisyo iyo sawirro muujinaya murugada ballaadhan ee meesha taal.
Agoonta/Rajayga
Agoonta iyo rajaygu waa ilmaha aabbahood ama hooyadood dhinto inta ay yaryar yihiin, si kastaba ha u dhintee.Taas waxaan ula jeedaa dhimashadu waxay ku timaadaa dariiqyo badan oo dhamaantood ah in ay dhammaatay muddadii Eebbe ugu tala galay in qofkaasi noolaado; waxaase addoonkaasi ku dhintay laba arrimood midood oo kala noqonaaya bir ama bes micnuhu yahay in la dilay ama uu si kale oo aan bini’aadmi shaqo kulahayn u dhintay.
Dhimashada aadoonkaasi dhintayna waxay noqotaa laba mid uun oo kala ah, in uu dhintay addoonku isgoo Eebbe raali ka yahay, iyo inuu dhintay isagoo Ilaah u c adh ay s any ahay. ” illaah ay aan magangalayWaa mawduuc dheere, ilmaha uu addoonku ka tegay waxay leeyihiin xuquuq ah in la koriyo, lana barbaariyo , hanti wixii aabbahood ama hooyadood ka tegeenna la dhowro oo loo ilaaliyo inta ay iyagu ka qaadanayaan waajibaadkaa.
9

Xuquuqda iyo ilaalinta carruurta agoonta ama rajayga ahi waxay saarantahay ciddii ilaahay saaray, ee ah qaraabe ama rixim iyo guud ahaan dadka islaamka ah gaar ahaana madaxda & maamulayaasha ammuuraha islaam ka, ee dalka iyo dadka masuulka ka ah. Eebbe sarreeye wuxuu meelo badan oo quraanka ah kaga hadlay xuquuqdda iyo waajibaaddada carruurtaa agoonta ah ee waalid kood ka tegay la noolaanshahooda cilmiyadda Eebbe awgood {waayo wuxuu awooddaa in aanu cidna agoon ka dhigin} Ama dadka oo dhan uu agoon ka dhigo. Dar-daarankaa ay tahay in la fuliyaa oo uu dar- daarmay mid amarkiisa lama diidaan ay tahay, eeg suuraddaha iyo aayaadka:-
Ad-Duxaa
(1) Eebbe wuxuu ku dhaartay Barqinka. (2) Iyo Habeenku markuu xasilo (Madoobaado) (3) Inaan Eebbe kaa tagin Nabiyow kuuna cadhoonin (4) Aakharana kaaga khayr badan Adduunka(5) Eebbaana ku siindoona (wanaag) waadna raalli noqon (6) Miyuusan ku helin Eebbahaa adigoo agoon ah oosan ku dhawaynin (7) Miyuunase ku helin adigoo baadi ah oosan ku hanuuninin(8)Miyuunase ku helin adigoo caydh ah oosan ku hodminin (kuu waxyo- onin) (9) Ee Agoonta ha xoogin (hana dhihin) (10) Ka wax su’aalina ha canaanan(ll) Nicmada Eebbahaana ka sheekee (ku mahadi)
Al-Maacuun
Ka warrama kan beenin abaalmarinta (Qiyaamada) (2) Kaas xooga agoonta (xaqeeda) (3) Aan kuna boorri-naynin quudinta miskiinka
(4) Waxaa halaag u sugnaaday kuwa tukan (waa Munaafiqiinta)
(5) Ee haddana halmaansan Salaaddooda.(6) Dadkana is tusiya (7) Una diida alaabta (Laysugu kaalmeeyo).
10

Al-Nisaa
(129) ma kartaan inaad sintaan haween kiinna dhexdooda aadba dadaasheene ee ha ka iilanina, iilasho dhan, oo ka tagtaan sida mid xidhan (dayacan) haddaad wanaajisaan ood dhawrsataan Eebbe waa dambi dhaafe Naxariista
Al-Baqara
(231) haddaad furtaan haweenka oy gaadhaan muddadooda u haysta si fiican ama u siidaaya si fiican, hana u haysanina inaad dhibtaan si aad u xadgudubtaan. ruuxii fala sidaas wuxuu dulmiyey naftiisa, ee ha ka yeelina aayaadka Eebbe jees jees, xusuustana Nicmada Eebbe ee korkiina, iyo wuxuu ku dejiyey korkinna oo Kitaab iyo xigmad ah(Sunnada) wuu idinku wacdoon Eebbe Quraanka, ee ka dhawrsada Eebbe, ogaadana in Eebbe wax kasta ogyahay(232) Haddaad furtaan haweenka oo ay gaadhaan mudadooda ha u diidina inay guursadaan nimankooda hadday raalli isu noqdaan si fiican, arrintaasu waa mid la idinku waanin ciddi idinka mid ah oo rumayn Eebbe iyo maalinta dambe, saasaana idiin waanaagsan oo idiin nadiifsan, Eebbana waa ogyahay idinkuna ma ogidin.
Al-Baqara
(223) Haweenkiinnu beerbay idinyihiin ee ugu taga beertiinna saad doontaan «oo bannaan» una hormarsada naftiinna «wanaag»
Eebbana ka dhawrsada ogaadana inaad la kulmaysaan Eebbe una bishaaree Muminiinta.
Al-Talaaq
(6) dejiya haweenkaas (ciddada ku jira)meelahaad deggan tihiin eed heli kartaan, hana dhibina si aad u ciriiridaan, hadday uur leeyihiinna, nafaqeeya (masruufa) intay ka, ummulaan (ka dhalaan), hadday ilmaha nuujiyaanna siiya ujuuro, wanaagna is fara, haddii laysku qabto nuujintana mid kale ayaa nuujin
11

Saba
(39) Waxaad dhahdaa Eebbehay wuxuu risqiga u fldiyaa cidduu doono oo addoomadiisa ka mid ah, kuu doonana wuu ku cidhiidhyaa, waxaad bixisaan oo kastana Eebbaa idiin beddeli, Eebbena isagaa u khayroon inta wax arsaaqa.
Aali-Cimraan
(92) Ma gaadhaan samafal intaad wax ka bixisaan waxaad jeeeshihiin, waxaad bixisaana Eebbe waa ogyahay.
AI-Baqara
(286) kuma mashaqeeyo Eebbe naf waxay awoodo mooyee, waxay mudan waxay kasbatay (oo wanaag ah) waxaana korkeeda ah waxay isu kasbatay (oo xumaan ah) Eebbow ha noo qabanin haddaan halmaanno ama gafno, Eebbow hanagu xambaarin culays saad ugu xambaartay kuwii naga horreeyey, Eebbow hanagu xambaarin (dhibin) waxaanaan awood u lahayn, na cafina oo noo dhaaf noona naxariiso, adaa gargaarahanaga ahe, nooga gargaar qaarka gaalada ah(215) waxay ku warsan maxay bixiyaan, waxaad dhahdaa waxaad bixisaan oo khayr ah waxaa mudan labada waalid qaraabada, agoonta, masaakiinta iyo socdaha, waxaad fashaana oo khayr ah Eebbe waa ogyahay.
Al-T axriim
(6) Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawra naftiina iyo ehelkiinna naar lagu shido dad iyo dhagax ay kana
(shaqeeyaan) Malaa’ig adag oo daran oon Eebbe ku caasiyeyn wuxuu faro, falana wixii la amro.
Muxammad
(21) Daacadnimo iyo hadal wanaagsan yaa u khayr roonaan lahayd, markase xaalku dhaboobo (Jahaad la galo) hadday Eebbe u
i
12

runsheegaan yaa u khayr badan. (22) Amaad mudantihiin haddaad xaqa (Jahaadka) ka jeedsataan inaad fasaadisaan dhulka, qaraabadiinnana goysaan.
Al-Racad
(25) kuwa buriya Ballanka Eebbe adkayntiisa ka dib gooyana wuxuu faray Eebbe in la xidhiidhiyo oo fasaadiyana dhulka kuwaas waxaa u sugnaaday Lacnad iyo guri xun (26) Eebbaana u fidiya risqiga cidduu doono kuna cidhiidhya (cidduu doono), waxayna ku farxeen gaaladii nolosha Adduunyo, mana aha nolosha adduunyo Aakharo agteeda waxaan maalmo lagu raaxaysto ahayn.
Al-Nisaa
(36) Caabuda Eebbe hana la wadaajinina waxba, labada waalidna u wanaag fala, iyo qaraabada, agoonta, masaakiinta, dariska dhaw, dariska durugsan, saaxiibka dhinaca, socotada iyo waxay hanatay gacmihiinnu, Eebbana ma jecla cidda kibirka badan ee faanka badan (37) oo ah kuwa bakhayla, farana dadka bakhaylnimo qarinna wuxuu siiyey Eebbe oo fadli ah, waxaana u darabnay gaalada cadaab wax dulleeya.
Al-Baqara
(177)Samo falku ma aha inaad wajiga u jeedisaan qorax ka soo bax iyo qorax u dhac, laakin sama fale waa ruuxii rumeeya Eebbe, Qiyaame, Malaa’igta, Kitaabka (kutubta Alle), Nabiyada, oo siiya xoolaha isagoo jecel qaraabada, agoonta, masaakiinta, masaafirka, kuwa baryootama, fakin qoor, oogana Salaadda, bixiyana Sakada,oofiyana ballankooda, markay, ballamaan Samra (adkaystana) waqtiga, saboolnimada, iyo dagaalka, kuwaasina waa kuwa ka runsheeqay Iimaankooda, waana kuwa dhawrsada.
13

Al-Nisaa
(34)Raggaa u taagan (Maamulka) haweenka, ka fadili-da, Eebbe qaarkood qaar iyo ku nafaqaynta xoolahooda darteed, (Haweenka) wanaagsan way addeecaan kaaliy-aanna maqnaasho ilaalinta Eebbe darteed, kuwaadse ka cabsataan caasinimadooda waaniya, kagana fogaada jiifka edbiyana, hadday idin addeecaanna ha u dalbina korkooda jid (inaad dhibtaan), Eebbana waa Sare Wayn. (35) Haddaad ka cabsataan iskhilaafka dhexdooda u bixiya xaq soore ehelkiisa ah iyo xaq soore ehelkeeda ah, hadday doonaan wanaajinna Eebbe wuu iswaafajin dhexdooda, Eebbana waa oge Xeeldheer.2
Sidaa oo kale Rasuulka suubani Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa ha ahaatee wuxuu xaddiisyo badan kaga hadlay arrimaheena dhanwalba leh, kuwaa oo ka buuxa kutubta Axaadiista. Halkan waxaan ku soo bandhigaynaa axaadiistan oo lagasoo xulay Kitaabka Riyadul Saalixiin.
262. Sahal Ibn Sacad (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Aniga iyo kan agoonka daryeela, waxynu gali Jannada innagoo sidaa oo kale ah”, wuxuuna kor u qaaday fardhexada iyo murugsatada oo simay oo isu dhaweeyey. (tusaale ahaan -Bukhaari)
263. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “aniga iyo kan daryeela agoonka, xigto ha la ahaado, ama shisheeye ha ka ahaadee waxaynu ahaan doonnaa sida labadaa Jannada dhexdeeda; weriyaha xadiiska nabiga ka soo xigtay (oo ah Maalik bin Anas) wuxuu kor u taagay fardhexaada iyo murugsatada oo simay si uu arrintaasi u muujiyo”. (Muslim)
2 http://www.e-quran.com/language/somalian
14

  1. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Miskiinku ma aha kan ay celinayso oo ku tagaya xabad timir ah ama laba xabbo ama Hudhmo ama a laba Hudhmo: miskiinka dhabta ahi waa kan isagoo faqri qaba, ka xishoonaya baryada”. (Bukhaari iyo Muslim)
  2. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Ninkii u dadaala oo u shaqeeya dumarka da’da ah ee laga dhintay iyo masaakiinta wuxuu heli ajar la mid ah mujaahidka (jidka Alle u diriraya); weriyaha xadiiska wuxuu yiri waxaan u malaynayaa inuu nabigu (S.C.W.) intaa raaciyey: wuxuuna heli ajar la mid ah kan habeenkii oo dhan salaadda u taagan oo aan daalayn iyo kan soomanaha ah ee aan afurin”. (Bukhaari iyo Muslim)
  3. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Cuntada waxaa u xun cuntada martiqaadka ah ee aroosyada ee aan looga yeerin dadkii u baahnaa, laguna casumo dad aan dooneyn inay ka soo qayb galaan; qofkii casumaad loogu yeero oo diidana Alle iyo rasuulkiisuu ku caasiyey”. (Muslim).
    Werin kale oo ku sugan Bukhaari iyo Muslim waxay leedahay:
    “Cunto waxaa u xun cuntada martiqaadka aroosyada ee dadka maal qabeenka iyo hodanka ah looga yeero, saboolkana laga tago”. (Bukhaari iyo Muslim)
  4. Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofkii laba gabdhood masaruufa (yacni siiya masruuf, marasho, kuna barbaariya barbaarin diini ah iyo Alle ka cabsi) ilaa ay ka qaan gaaraan, wuxuu maalinta qiyaame imaanayaa isagoo sida labadaas aan isku nahay. Intuu labada farood isku lammaaniyey. (Muslim)
  5. Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: Waxaa ii timid naag wadata labo gabdhood oo ay dhashay oo iyaga wax u baryeysa. waxba ma hayn waqtigaa aan siiyo xabbad timir ah maahee oo aan siiyey.Waxay u kala jeexday labadeedii gabdhood, iyadiina wax ma cunin dabadeedna
    15

waa kacdoo iska tagtay.Waxaa yimid Nebiga (S.C.W.) oo aan u sheegay arrintaa. Wuxuu yiri: Qofkii lagu imtixaano gabdho dhalka oo markaas wanaajiya (yacni siiya masruuf, marasho, kuna barbaariya barbaarin diini ah iyo Alle ka cabsi, sida inay ku dadaalaan towxiidka, salaadda, sakada, xijaabka iyo is asturka, iyo waajibyada kale ee diinigia ah oo dhan, dabadeedna u guuriya nin diin iyo dabci wanaagsan leh), waxay xijaab iyo gaashaan uga noqon doonaan naarta”. (Bukhaari iyo Muslim)
270. Abuu Shurayx Khuweylid ibn Camar al-Khuzaaci (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Alloow, waxaan caddeyn inay dambi tahay (dhibaato weynna ay ka soo gaari) qofkii dayaca xuquuqda labada tabarta yar, agoonta iyo dumarka”. (Nisaa’i) Fiiro gaar ah: Imaam Nisaai wuxuu sheegay inuu xadiiskan Xasan yahay Senad wanaagsan.
271. Muscab ibn Sacad Abii Waqaas (A.K.R.) wuxuu yiri: Sacad baa wuxuu isu arkay inuu ka sito oo ka sarreeyo dadka liita aan sidiisoo kale u ladneyn. Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Waxaa la idiinku hiilliyaa oo la idinku irsaaqaa dadkiinna tabarta yar dartood”. (Bukhaari)
272. Abuu Dardaa (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nabiga (S.C.W.) oo leh: “Farxadda iyo raallinimadayda waxaad ka dhex daydaan (daryeelka) dadka tabarta yar, Waayo waxaa la idiinkaga hiilliyaa (cadowgiinna) oo la idinku siiyaa (risiqiinna) dadkiinna tabarta yar dartood”. (Abuu Daawuud)
Imaam Daawuud baa ku wariyey xadiiskan Sanad fiican.
Fiiro gaar ah: Nuxurka iyo dhuuxa aayadaha Qur’aanka iyo axaadiista nabiga (S.C.W.) ee kor ku xusan waa soo dhoweynta iyo marti gelinta iyo wax tarka dadka, gaar ahaan masaakiinta iyo dadka tabarta yar iyo ka fogaanshaha kibirka iyo isla weynida. Waayo isla
16

weynidu wa sifo iyo tilmaan ku gaar ah Alle, weynaa oo kor ahaaye, mana jirto cid sifadaa iyo tilmaantaa la wadaagta. Sidaa awgeed kuma habboona addoomada Alle inay isla weyni muujiyaan ama naftooda u arkaan sida wax weyn oo sare.
Addoommada waxaa waajib ku ah inay ahaadaan kuwa martida soora oo soo dhoweeya oo isla markaa kibir iyo isla weyni ka maran.Waxaana waajib ku ah inay iskula dhaqmaan si nadiif ah oo ilbaxnimo ku jirto iyo naxariis Intaa waxa dheer, naxariista iyo jaceylka waa tilmaamo iyo arrimo aan ku koobneyn dadka oo keliya, bal xitaa waxaa la wadaaga nafley kale.Tilmaamahaana waxay ka cayaaraan dowr weyn hannaanka iyo hab socodka kownka. Sida uu dhigayo Qur’aanka kariimka ah, magacaa bidda nabi Muxammad (S.C.W.) loo magaacaabay xilka Ah “Rasuulkii Alle” waxaa sabab u ahaa naxariista badan iyo gallada Alle.
273. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Wanaajiya dumarka oo si wanaagsan oo naxariis leh ula dhaqma. Dumarka waxaa laga abuuray feedh (feedhuna waa qalloocan tahay) dhinaca ugu qallooc badan feedhuna waa dhinaca sare. Haddii aad damacdo inaad toosiso waa jebinaysaa, haddii aad sideeda u deysana, qallooceeda bay iska ahaan. Marka wanaajiya dumarka oo si naxariis leh ula dhaqma”. (Bukhaari iyo Muslim)
Werin ku sugan Bukhaari iyo Muslim waxay dhigeysaa: “Haweentu waa feedh oo kale, haddii aad toosi is tiraa inay jab to bay halis u tahay haddii aad doonina inaad ka faaiideysato, waad yeeli kartaa waase iyadoo qalloocan”. (Bukhaari iyo Muslim)
Werin kale oo Muslim ku taal waxay leedahay:”Haweenta waxaa laga abuuray feedh mana toosin kareysid. Haddii aad dooneysid inaad ku indfaacdo yeel sidaa inkastoo qallooc ku jiro. Haddii aad toosi is tiraana waad jabineysaa, jabinteedana waa furriinkeeda”. (Muslim)
17

  1. Cabdullaah ibn Zamca (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo khudbaynaya, khudbaddaasoo uu kaga warramay hashii (Nabi Saalax) iyo habaar qabahii faylaha gooyey. Wuxuu ku yiri khudbaddiisaas:,,Markii uu soo baxay hoogahoodii’ Suuradda Ash Shams: Aayadda 13. Macnaha waa waxaa hashii u soo baxay madaxoodii, oo shar wale ahaa awood iyo kelmad ku dhex leh qabiilkii Samuud, madaxna u ahaa kaa baa u soo baxay si uuu faylo gooyo hasha. Dabadeed nabigu wuxuu ka dardaarmay haweenka oo yiri:”Midkiin baa haweentiisa garaacaya isagoo ula dhaqmaya sida addoon. Maalinta dhammaadkeedana waxaa laga yaabaa inuu la jiifsado oo u tago. Misna wuxuu ka wacdiyey dhuusada lagu qoslayo, oo wuxuu yiri: “Bal muxuu qofku ugu qoslayaa qof kale, oo falaya wixii uu isagu (kaa qoslaya) qudhiisu falayey”. (Bukhaari iyo Muslim)
  2. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:”Yuusan ninka muslimka ahi wax caro iyo naceyb ah u qaadin haweenta muslimadda ah. Arrin buu ku qoonsan karaa, waxaase laga yaabaa inuu midkale oo wanaagsan (ka helo) oo uu raalli kaga noqdo” (Muslim)
  3. Camar ibn Axwas Jushami (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay nebiga (S.C.W.) oo ku leh khudbaddiisii sagootiga ee uu ka jeediyey xajkiisii u dambeeyey markuu Alle hufay oo ammaanay, oo u digay ummaddiisa raacday wuxuu yiri: Dhageysta! Haweenka wanaajiya oo si naxariis leh ula dhaqma; waa il madow idin la jooga’e iyo maxaabiis gacantiinna ku jira.Wax intaa dheer oo aad ku leedihiinna ma jirto. Haddii ay akhlaaq xumo iska cad la yimaadaan, uga guura sariiraha,. Markaa kaddib haddii ay idin addeecaan wax kale ha u raacannina.
    18

Dhageysta! Haweenkiinna xaq baad ku leedihiin, iyaguna xaq bay idinku leeyihiin, xaqa aad ku leedihiinna waxaa ka mid ah inaysan gogoshiinna ku fariisin qof aydaan raalli uga ahayn, gurigiinnana soo gelin karin qof aydaan dooneyn. Xaqoodana waxaa ka midah inaad hagaajisaan huggooda iyo hungurigooda (yacni masruuf ka iyo marashadooda)”.Tirmidi baa weriyey oo yiri; waa Xadiis Xasan ah oo saxiix ah.
277. Mucaawiyah ibn Xaydah (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan ka codsaday RasuulkiiAUe (S.C.W.) inuu ii sheego waxa ay haweentu ninkeeda xaq ugu leedahay? Wuxuu yiri: “Quudi, sidaada oo kale, goortaad naftaada quudisidba.
Arradtir sii sidaada oo kale ah goortaad arrad tiritaba; wejigana ha ku dhufan; ha af lagaadeyn (ama ha nacladin), markii aad u carootaanna oo aad damacdaan inaad ka fogaataan, guriga ha ka tegina, oo meel ka mid ah guriga ka jiifsada”. (Abuu Daawuud)
278. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Muslimiinta waxaa u iimaan sarreeya kan ugu dabeecad wanaagsan; waxaana idiinku ikhyaarsan kuwiinna haweenkooda u dabciga san”.
(Tirmidi) baa weriyey oo yiri; waa xadiis xasan ah oo saxiix ah
279. Ilyaas ibn CabduUaah bin abuu Zubaab (A.K.R.) wuxuu sheegay in Nebigu (S.C.W.) u digay muslimiinta inay si xun ula dhaqmin dumarka. Muddo kaddib baa Cumar (A.K.R.) Nebiga (S.C.W.) u yimid oo yiri: Nebi Alloow haweenkii nimankoodii waa ku kibreen oo waxay noqdeen waxaan loo dhowaan karin. Markaasuu Nebigu (S.C.W.) in la edbiyo rukhseeyay. Arrintaa kaddib dumar badan baa u yimid xaasaska Nebiga (S.C.W.) oo nimankoodii ka eed sheeganaya. Markaa buu yiri Nebigu (S.C.W.): “dhowr dumar ah baa xaasaskeyga u yimid oo dhaqan xumada raggoodii ka eed
19

sheeganaya. Raggaas idinku jira ikhyaar ma ahee ogaada”.(Abuu Daawuud)
280. Cabdullaahi ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Adduunyadu waa meel leh waxyaabo wanaagsan, waxaa jirana waxaa u wanaagsan haweeney (xaas) flican”.
281. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:”Markii uu ninku afadiisa u yeero oo gogoshiisa inay timaaddo ugu yeero, oo ay imaan weydo, oo habeenkii ku seexdo cadho uu u qabo, malaa’igtaa nacaladda (haweentaa) ilaa waaberiga”. (Bukhaari iyo Muslim)
Werin kalena oo Bukhaari iyo Muslim ku taal waxay ahayd: “Habeenkii ay haweentu barido iyadoo gogasha ninkeeda diiddan malaa’igtaa nacaladda illaa waaberiga” (Bukhaari iyo Muslim)
Werin kale baa waxay leedahay: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Alle baan ku dhaaran, ay nafteydu gacantiisu ku jirto, marka ninka naagtiisa gogoshiisa ugu yeedho oo ay diiddo waxaa u caraysnaanaya iyada kan cirka jira (waa Alle), jeer uu ninkeeda raalli ka noqdo”.
282. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Uma bannaana inay afadu soonto (soon sunno ah) ninkeeda oo guriga jooga, inuu isagu u idmo mooyee, umana bannaana sidoo kale inay gurigiisa u ogolaato cid uusan isagu u ogolayn”. (Bukhaari iyo Muslim)
283. Ibnu Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qof walbaa waa mas’uul oo xil baa ka saaran (waajibyada dushiisa ah, waana ka mas’uul wixii ka dhaca cidda iyo waxyaabaha loo xil saaray), Ninka madaxda ahi waa mas’uul (waana la weydiinayaa sida uu xilka uga soo baxay la xiriira dadweynahaa uu mas’uulka ka yahay), Nin ku waa mas’uul iyo wakiil oo reerkiisuu mas’uul ka yahay, naagtuna waa mas’uul oo guriga ninkeeda iyo ilmihiisa bay mas’uulka tahay. Hadal iyo dabuubti qof walbaa waa mas’uul, waana la
20

weydiinayaa wixii ammaana ah oo gacantiisa ku jira iyo howl iyo dadba”. (Bukhaariiyo Muslim)
284. Abuu Cali Dalq ibn Cali (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuuyiri: “Ninku markuu haweentiisa ugu yeerto dantiisa ha u timaaddo xataa haddii ay ku howlan tahay roodhi sameynti oy tinnaar ku jirto (macnaha xataa hadday cunto karineyso” (Tirmidi iyo Nisaa’i) Wuxuu yiri Tirmidi waa xadiis xasan ah, saxiixna ah.
285. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:”Haddii ay ahaan laheyd wax bannaan inuu qof u sujuudo qof kale, haweentaan amri lahaa inay ninkeeda u
sujuuddo”. (Tirmidi) .Wuxuuna yiri waa xadiis xasan ah, saxiixna ah.
286. Ummu Salamah (A.K.R.) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Naagtii dhimata ninkeeda oo raalli ka ah, jannaday gelaysaa”. (Tirmidi) .Waa xadiis xasan ah
Sh. Al-Baani wuxuu yiri xadiiskan waa daciif aan xujo iyo daliil laga dhigan karin
287. Mucaad ibn Jabal (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:”Mar kastoo ay naagtu u keenta calool xumo iyo ciil ninkeeda nolosha adduunka, naagtiisa Xuurarcaynta ka mid ah baa waxay ku tiraahdaa (haweentaa): balaayo kugu dhacdaye ha dhibin ninkaaga, waayo, agtaada beri dhexmuu kuyahay (yacni marti) inuu dhawaan xaggayaga (jannada) kaa soo aadaa laga yaabaaye”.
(Tirmidi) .Wuxuuna yiri waa xadiis xasan ah
288. Usaamah ibn Zayd (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:”Kama tegayo gadaashay fidmo iyo imtixaan adag (sabab keenta fasahaad) oo kaga dhibaato badan ragga dumarka”. (Bukhaari iyo Muslim)
21

  1. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Diinaar (nooc lacagta ka mida) aad jidka Alle ku bixisay, iyo Diinaaraad madax furasho ku bixisay iyo Diinaar aad miskiin ku sadaqaysatay iyoDiinaar aad reerkaaga ku masruuftay, waxaa intaas u ajar badan Diinaarkaaad reerkaaga ku masruuftay”. (Muslim)
  2. Abuu Cabdullaah oo sidoo kale la oran jiray: Abuu Cabdur RaxmaanSowbaan ibn Yuxdud (A.K.R.) kaa oo ahaa addoon la xoreeyey uu nabiga lahaa (S.C.W.) wuxuu yiri: “Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Diinaaruu qofku bixiyo waxaa u fadli badan Diinaarka uu reerkiisa ku bixiyo; iyo Diinaarka uu faraskiisa jidka Alle u heeganka ah (yacni jihaad) uu ku bixiyo, Diinaar ka, qofka uu wax kaga bixiyaana saaxiibbadiis isagoo wajiga Alle ula jeeda waa ka mid waxyaalaha wanaag-san, ee mudan in wax lagu bixiyo”.(Muslim)
  3. “Umm Salamah (A.K.R.) waxay tiri: waxaan weydiiyey Rasuulkii Alle: ajar ma ka helayaa haddaan wax siiyo caruurta (ninkeygii hore Abuu Salamah?) lagagamana tagi karo daryeel la’aan, iyagoo ordaya halkaan iyo halkaa (oo nolol raadis ah). Intaa oo dhan ka sokowna waa ilmahaygii.Wuxuu ku jawaabay Nabigu (S.C.W.): “Haah”waxaadna ka heleysaa ajar wixii aad siisidba”. (Bukhaari iyo Muslim)
  4. Sacad ibn abii Waqaas (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay oo uu ku weriyey xadiis dheer aan ku soo marnay cutubkii koowaad oo niyadda ku saabsanaa,in Nebigu (S.C.W.) yiri: Wixii aad bixiso oo aad wejiga Alle ula jeeddidba ajar baad ka helaysaa, xataa hudmadii aad galisid afka afadaada (wuxuu ahaan doonaa fal san oo ajar leh), (Bukhaari iyo Muslim)
  5. Abuu Mascuud al-Badri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Markuu ninku reerkiisa masruuf siiyo isagoo ajarna doonaya waa u sadaqo”. (Bukhaari iyo Muslim)
    22

     

  6. Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofka waxaa dembi ugu filan inuu dayaco dadka ku tiirsan, oo noloshooda isaga ay ku xiran tahay Alle sokadi”.(Abuu Daawuud) Waana xadiis saxiix ah.
    Werin kalaa waxay ahayd oo Muslim ku taal: “Qofka waxaa dembi ugu filan inuu ciriiriyo cid noloshooda ay isaga saaran tahay Alle sokadi”. (Muslim)

  7. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:”Maalin kasta, laba malag baa soo degga, oo midi leeyahay: Allow sii beddel wanaagsan qofka bixiyaha ah: mid kalena leeyahay: Allow, kabaa’bi’i waxa wanaagsan uu haysto bakheyl kastoo aan waxbixin”. (Bukhaari iyo Muslim)
  8. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:”Gacanta sare (kan wax bixinaya) baa ka wanaagsan gacanta hoose (kan wax la siinayo ee qaataha ah) kana biloow (deeqdaada iyo waxsiinta) carruurtaada iyo kuwa ku saaran ee adiga kugu tiirsan Alle sokadi, Sadaqana waxaa u wanaagsan tii aad ka bixiso hantidaada dheeriga ah (tii aad ka maaranto, ee aadan u baahneyn), qofkii doonayana inuu isdhawro, Alle wuu dhowrayaa. Qofkii is deeqtoon- siiyana oo qaneeco raba, Allaa qaneeco iyo deeq siinaya). (Bukhaari)3
    Haddaba iyadoo waanadda iyo waxsheeguba badan yahay misna waxaan dayacnay xilkaa iyo waajibaadkaa inaga saaran illaalinta iyo dhawridda ilmaha amaanadda Eebbe inooga dhigay.Waxaynu banaysanay inaan cuno xoolahooda inaan hooyooyinkood khasab ku guursano inaan xoogooda si khalad ah u isticmaallo. In aan ka fekero ilmaheena iyagana illawno.Waxaa caado noqotay in dadka madaxda ahi cunaan xoolaha umadda oo ay qayb ku leeyihiin kuwaa aan dhacsan karin xuquuqdooda oo ah carruurta oo dhan.
    3 http://alimuse.eom/Kutub.htm
    23

Waxaynu ku tilmaanaanay in aan ilmaheena beerka u buuxino oo ku dedaalo sidii ay dadka ugu horayn lahaayeen inagoo aan habayaraatee ka fekerin xuquuqda ay leeyihiin carruurta agoonta, rajadda, carruurta ehel-koodu, yahay saboolku, deriskeena, eheladeena iyo qaraabadeena.Waxaynu ku dedaalaa, sidii aan ilmaheena waddan amaan ah ugu rari lahayn kuwaa baahana bahalku u cuni lahaa, waxaynu ku soo guryo noqonaa markaynu ilmaheena meel ku soo ogaano.
Dhulka oo aan ka samaynaa shaqooyin siyaasadd madaxnimo iyo dhaqaale uruursi ogow Eebbe waa joogaa waana u jeedaa falalka gurracan, ee ay badideen shaqada ka dhigteen.Waxaa dhowaaday waqtigii layna abaal marin lahaa. Uga tudh ilmahaaga wisinka xun. Ogow haddii aadan ka flirsan xaqa lagugu leeyahay iyo waxa aad ilmahaaga ku quudinaysaa inuu xalaal yahay iyo in kale in ay tahay hawshaadu hal bacaad lagu lisay. Bal u fiirso sooyaalka taariikhda, maxay noqdeen ilmihii lagu quudin jiray xaaraantu?
Maxay noqdeen ilmihii aan laga illaalin wisinka ama meertada waqtigu?
Maxay ku danbeeyeen saaxiibadii musuqmaasuqu?
Muxuuse ku waabariistay laaluush cunka iyo ilmihiisu?
Waxaa laga yabaa in badan oo ka mid ah akhristayashu yidhaahdaan waa canaan aan miisaan lahayn oo wadadkani iska alliftay. Waxaa iiga jawaab ah haddii aan wanaagsanahay dalkeenu wuu wanaagsanaan lahaa, oo baylahda inaga muuqataa waa qarsoonaan lahayd!
Waxaa inaga muuqan lahayd horumar iyo wax u qabashada dhibbanaheena daadsan derbiyadda magaalooyinka ee miciinka biday daasadaha kooladda iyo derbiyada dhaxanta iyo dabayshu meeraysanay!
Walaal xisaabi naftaadda imisa eheladdaa agoon ah, sabool ah oo xaq kugu leh kaana sugaya. Ha odhan lacag ma haysto! Oo wax ma tari karo!. Ha odhan anigaba wax ima dheera! Kuwaygiiba u taag waayey!.
24

Ha marsan bawdada duufka! Waxaa waajib ah in aad ugu yaraan ku fekerto xilka balaadhan ee ku saaran! Inaad illaaliso naftaadda, oo inta ugu yar ee aad kari karto af iyo addinba tarto ilmaha baahan ee aad adigu miciinka u tahay!
Haddii haddaba aan dib ugu noqono xaalka ilmaha agoonta ah ee Soomaalidu wuxuu soo maray marxalado kala duduwan oo salka ku haya hadba waayaha dhaqan-dhaqaale ee bulshaddu soo martay ama iminkaba taagantahay.
Inkastoo ay iminka iyo markii horeba jireen in badan oo dadka ka mid ah oo u wanaagsan agoonta oo ku dedaala fulinta awaamirta Eebbe Wayne. Haddana waxaa jiray ama imminka jira in badan oon ku dedaalin waayaha cajiibka ah ee ku xeeran agoonta iyo dhibanayasha, dhammaan. In kasta oo agoontu tahay ama lagu qeexo kuwo aabbahood waayay misna waxaa jira in badan oo adeer wacani u beddelay aabbahood ama Ilaah ku mannaystay awoowe wanaagsan, xigto iyo gacal flican iyo reer abti sare oo aqoonsan ka qayb qaadashada carruurtoodan tabaalaysan waxtarkooda.
Sababta ugu wayn ee aan buuggan u darbaynaana waa in laga fogaado si kasta oo ilmaha loo dhibaatayn karo iyo in akhristayaashu ku baraarugsanaadaan dhibaatada, ay leedahay baylah nimadda carruurtu, in kasta oo aan la joojin karin dhibaatooyinkan ballaadhan ee ilmaha haysta sababta oo ah adduunkan aynu ku noolahay oo ah guri dhibaato darteed.
Ogow in isbeddelka nolosha iyo ku sii dhowaansha dhammaadka adduunku uu leeyahay waxyaalo badan oo aan markii hore badnayn, kuwaasoo imminka aad u fidsan ama u badan sababo kala gedisan awgood. kuwaa oo aan ka xusi karo isbedbedelka dhaqaalaha, isbedelka cimilada adduunka iyo yaraansha waxa loo yaqaan kaydka khayraadka (resource) adduunka oo keenaya dhibaatooyin qarniyadii hore yaraa. Waxaana maanta badan illmaha aan dhalan ee
25

dhibaatadu, haysato waxaana u jeednaa aabbaha iyo hooyada aan aqoonsanayn dhismaha qoyska iyo daryeelka illmaha.
Buugu wuxuu ku dhisanyahay sheekooyin laga soo uruuriyay, dad kala duduwan oo ka sheekaynaya waaya- aragnimadoodii iyo koriinkoodii carruurnimo, wuxuuna isugu jiraa dhibaatooyin xanbaarsan sheekooyin iyo cilmi baadhisyo, sidaan hore u soo xusnay.
26

Ninbaa wuxuu ku bilaabay sheekadiisii sidan:-Waxaan ahaa ilmo hooyadii dhimatay isaga oo sannad jira hase yeeshee, waxaa isoo korisay ayeyday aabbe, wax dhib ah lama aan kulmin intii aan ayeeyday la noolaa . Laakiin markii aan jiray laba sannadood ayaa aabbahay guursaday hawaynay carruur nin kale u dhashay ama carmal ilmo wadata. Kaddibna aabbahay baa i soo kaxaystay, wuxuuna i keenay gurigiisii cusbaa.Waa markii ugu horaysay oo dhibaatadu igu bilaabato waayo haweenayda xun isugu mid maha, ilmo ay dhashay iyo ilmo aanay dhalin. Ogow na dad isku wada mid maaha.
Waxaa dhacday in ay isoo food saartay dhibaatooyin kala duduwan gaar ahaan dhanka baahida, caafimaadka iyo daryeelka guud ahaaneed.Taas oo ah inaan ka dayac badnaado ilmihii ay iyadu aayaday dhashay. Haddaba aabbahay ku maqnaa safar uu Xamar ugu maqnaa ayaa yimid gurigii; kana yaabay sida aan u ekahay iyo ilmihii kale oo waxar waxaro ka wayn ah.Taasi waxay qiiro gelisay aabbahay. Maxaa yeelay aniga aabbahay aad ayuu ii jeclaa wuuna u adkaysan waayay dhibaatadda isoo gaadhay ee dhafoor kayga ka muuqata. Malaha meeshana way ku jirtaa ilmo hooyo kale leh in aabbuhu ilgaara ku fiiriyee.
Markaa ayuu su’aal ahayd ilmaha maxaa ku dhacay oo ugu wacan dhibkan ka muuqda oogadiisa waydiiyay afadiisii? Waxayna ugu jawaabtay waxaa haya wixii hooyadii dilay. Aabbahay ayay u cuntami wayday jawaabtaa aan meesha looga fadhiyin ee kaaf iyo kala dheerida ah.
Ka ficil qadashadiisiina waxay noqotay mid adag oo aan la mahadin; tasoo ah inuu furay aayaday halkaana reerkii ku burburay.
28

Hees midhaheeda waxaa ka mid ahaa S Dadku oonka caashaqa ^ Sanbabada abaarsay ^ Hadday kugugu ogaadaan ‘S Afxumo kaama daayaan S Sidaan ahay agoonleey S Ehelkeed u daranyahay, v Urugtaan la taahiyo
Uur xumada aday baday,
Aday badday
S Waa hoos adduunyadu S Waana laba ayaamood,
‘S Waa hoos aduunyadu Waana laba ayaamoodeey ‘S Anba kuguma dhaafeen ^ Hadday kugu adkaatee Abaal may taranaysaa,
S Abaal may taranaysaa.
Nin iiga waramay kala-taggii aabbihii iyo hooyadii wuxuu yiri waxaanu ahayn afar carruur ah saddex wiil iyo gabadh, anaa ugu weynaa carruurta garana maayo gurigii meeshii aanu uga guuray macnaha garaad hagaagsan ma lahayn.Waxaan xasuustaa inay hooyaday galab ka anbabaxday gurigii iyadoo ay la socdaan saddex nin oo abtiyaday ahaa: laba ka mida ilma’adeer ayey ahaayeen midna way wada dhasheen sidaan dib ka ogaaday waxaan xasuustaa, in caruurtu ka daba ooyeysay markii ay guriga ka anbabaxaysay. Haddaba aabbahay markiiba wuu guursaday, waxaana dhacday in gurigayagii dhibaatooyin aan kala kulmay; aayaday ILAAH ha u
4 Codka FannaankaXasan Aadan. Midhaha cidda samaysay iima sugna!
29

naxariistee markii guriga ay timi; waxaa isbedelay hab nololeedkii gurriga ee mar kii hooyaday joogtay.
Haddaan haanta biyo ka cabbo waxay odhan jirtay wuu xaday: taasoo keentay inaan wax xado oo tuug noqdo, waxaan la kulmay oo qaaday cuqdad taasoo ka timi afxumada iyo habaarka aayaday; oo joogto noqday dil iyo hafriinsho ama been abuur, aan caadi ahayna way ii gaysan jirtay!, wayna ila qabeen walaalahaygii iga yaryaraa ee hooyaday dhashay dhibaatada aan kor ku soo xusnay, ma garanayo dhibaato carruurnimada qof ka gaadha oo ka wayn cuqdada & masabbidka ama hafriinshaha.
aayaday waxay is ku dayi jirtay inay annagga iyo aabbahayo, is ka kaayo hor keento oo is ku kaayo dirto waxaanna odhan karaa qaar badan way ku guulaysatay, aayaday aad bay u daryeeli jirtay walaalahayaga ay iyadu dhashay aayaday Alle haw naxariistee waxay dhimatay markay lix caruur ah dhashay; Aabahayna walaasheed ayaa lagu xigsiisimay. Anigu wakhtigaa waxaan ahaa 15 jir, aabbahayna waan la talo geli jiray oo waxbuu i waydiin jiray. Aayadaydii cusbayd aad ayaanu isu afgaran waynay marka aabbe maqan yahay oo martiyi noo timaado ayey diidi jirtay gogosha taasoo sababi jirtay inaan deriska u baryo tago.Gogol aan martida siiyo darteed; sooryada iyo marti qaadkana way is hortaagi jirtay, taasina waxay igu dhalisay inaan guriga ka tago oo magaalo galo intii aayaday iyo aabahay is ka hor imaan lahaayeen.Waayo murtidu waxay leedagay:-
Wiil labiyo toban jiray hadduu lali ahaan waayo ^ Marti layl xun socotana hadduu loog u qali waayo
Ragganimo liddeed kuma jirto ee liicye bal ogaada
Gurigayagii dhammaan carruurtii aanay dhalin aayaday-adan, danbe sannad gudihii ayeey kaga tageen oo way suurtoobi wayday inay la noolaadaan; Anigu magaalo markaan galayba; waan shaqaystay.Waanna isasoo saaray oo weliba guursaday oo xaas baan yeeshay
30

Isaga oo ka jawaabayey su’aal ahayd adigu markaa ma ku tabba doonatay wixii ku soo maray oo haweenay weligaa ma furtay?
Wuxuu yiri haa aniga oo koobyo labaatan jir ah ayaan guursaday xaaskii iigu horeeyey wiil bayna iigu curatay. Nasiibdarose waxaay noqotay waxba la’aan: xaaskaykii waa loo sheekeeyey oo waxaa lagu yiri bal ninku inuu ku jecelyahay iyo in kale aan kala ogaanee iswaal, wayna iswaashay iyadoo wiilkii ay dhashayna xaafad soomaali habar joogtay loo geeyey iyada oo laga dhigayo in aanay ilmaha hayn karahayn waalidaa daraadeed.
Aniguna ma fahamsanayn qisada meesha ku jirtee waxaan baadi doon u galay sidii aan ugu guulaysan lahaa caafimaadka xaaskayga. Kanoow fiqi matahay? kanoow dhakhtar ma tahay? Kanoow faaliye & fooxiso matahay? waxaan ku daalay oo ku kharash beelay,saar ka tumid wadaado u wicid (arrimo khaldan oo been & khuraafaad ah)
Markaan shaqada aado ayaa layga daba imaan jiray oo la dhihi jiray baxsatay! carrartay oo jaan iyo cidhib meelay dhigtay lama hayo; arrimahaas oo shaqadaydii waxweyn u dhintay, kuna dhoweeyey in shaqada layga eryo ama layga cayriyo. Markaan guriga imaado oo soo garaaco ayaan maqli jiray buuq iyo sawaxan, waxaan markaa ogaaday inaan waali dhab ahi jirin ee meesha hawl kale lagu hayo. Dabcan badhitaan ayaan sameeyay beeni inta ay socon kartaa waa waxaan waynayn, buurayn ama badnayne. Habeen habeenadda ka mid ah ayaan dadkii hayey ku idhi idinku is ka taga. Markay tageen dadkii oo labadayadii isku soo hadhnay waxaan ku iri, gabadh yahay laba kala dooro inaan aroortii ku furo oo warqadaadii ku siiyo iyo inaan Monokobiya kuu diro (meesha dad ka waalan lagu xanaaneeyo). Waana seexday: markii ay ogaatay inaan gam’ay ayey tagtayoo -.wiilkii ka soo qaaday islaantii haysay. Habeen badh ayaan toosay mise wiilkii bay dhabta ku haysaa, iyada iyo wiil kuse way kala gudheen oo ma jaqsiin naasaha. Aroortii ayaan eegay wiilkii mise wiilka dushiisa waxaa ka muuqda dhibaatooyin: ka dhashay kutaan, kaneeco, injir,
31

nafaqo darro, nadaafad darro, iyo wixii la halmaala. Dushiisa ma eegi kartid wuxuuna ku dhawyahay inuu dhinto oo dhuunigaba cuniwaayo.
Waxay ahayd wax arggagax waalid miyir leh gelinaya ama ku abuuraya.Waxaan markaa goostay inaan wiilka miyi & gabadhii walaashay oo markaa baxsi ah u geeyo si uu wiilku u nafaqaysto oo diiftu uga ba’do. Gurigii aabbahay oo miyi ah caruurtii hooyaday iyo aayadaydii hore dhaleena aan markaa cidi ka joogin. kuwa ay aaya- daydii yarayd dhashayna markaa waxay ahaayeen carruur weli yar yar.Wiilkii gaadhi ayaan ku qaaday waxaana geeyay gurigii Aabbe gabadha walaalaashayna waxay ahayd baxsi ka adag haynta iyo xannaanaynta wiilka.
Markii aan magaaladii ku noqdayna waan furay xaaskii sababtoo ah waxaan ogaaday inay tahay qof aan caqli wanaagsan lahayn iyadoo rajo ahayd oo aan ku soo dhaqmin gacan hooyo. Taasoo ay weheliso naag naago u sheekeeyaan naag la’aan weeye. Muddo haddii aan ka soo maqnaa reerkii iyo wiilkii ayaan dib ugu noqday bal si aan u soo ogaado xaalka wiilkii iyo gabadhii aan dhowaantan geeyay gurigii aabbo oo baadiye ama miyi ahaa. Haddii aan soo gaadhay reerkii oo aan salaamay ama nabdaadshay oo waraystay xaalkoodu sida uu yahay gabadhii walaashay ahayd waxay tidhi reerka la joogimayno maxaa wacay aayadeen waxay isku dayday inay wiilka disho.
Yaab ayaan afka kala qaaday waxaana waydiiyay waxa gabadha ka soo yeedhaya bal waxa uu yahay waxayna ku bilawday sidan: Ayadeen waxay la collawday haynta aan wiilka hayo oo waxay habeen annaga, oo guurayna aqalkana fur-furanayna wiilkuna markaa hurdo; ayay inta soo qaaday naadh ‘ oo dusha ka saartay wiilkii ayay soo kaxaysay awr ka mida kuwii la rarayey oo damacday inay ku dul fadhiisiso
5 Agab berigii hore xoolaha lagu warabsan jiray
32

Awrkii ayaa diiday inuu fadhiisto oo cabaaday iyaduna waxay doonaysay inay khasab ku fadhiisiso markaasaan waydiiyay ee wiilkii mee? intaan ka soo waayay meeshii uu jiifaylMarkaasay iigu jawaab celisay dee mooyi: Xaggaan u booday oo xagga u booday anigoo werwersan mise wiilkii wuxuu ka booyayaa awrka hoostiisa iyaduna awrkay garaacaysaa oo leedahay juu colku-raraye juu!.
Naxdin ayaan qaboobay laba daran lagu kala dooransii, ma gabadha iyo wiilkaan kaxeeyaa oo aabbahay ayaan cidla kaga tagaa, adhiga wax u raaca hawaayee, mise wiilka yar iyo gabadhaan cadaabkaa kaga tagaa xusuustii oohin ayaa isku soo taagtay indhihiisa isaga oo ka qoomamoonaya furiinkii xaaskii wiilka dhashay iyo dhibaatada haysa wiilka yar iyo gabadha labadaba kalatagga aabbaha iyo hooyadu dhabbaha uga dhigeen dhibta.
Wuxuu yidhi gabadhii walaashay ayaan maalintii adhigii la raacay si aan u waaniyo oo wax u hoga-tusaaleeyo.Waxaana ka mid ahaa waxyaalihii aan ku waaniyey walaashay walaal ,aabbo wuu inna inkaarayaa haddii uu waayo wax adhiga u raaca, markaa dhowaan marka ay caruurtu u ciidamiso ayaan idinka kaxaynayaa ee iska samra adkaysigana ogaada,Wax lala simo ducadda waalidka ma jirtee.
Haddaba akhriste waa dhib gaadhay aabbo iyo wiilkii oo ka yimid furiin ogsoonow in uu furiinku yahay wax aan habboonayn oo u baahan in laga warwareego intii laga warwareegi karo.Ogsoonow; inay in badan oo dadka ahi si fudud ugu talaabsato furniinka taasoo ah fahmid la’aanta xuquuqda guurka, ilmaha, nolosha iyo wixii la halmaala. Carruur badan waxaa soo gaadha xilliga koriimadda oo ah xilli ay baahi badan u qabaan xannaanada iyo tudhidda, naxariista Eebbe geliyay qalbiyada bini’aadmiga taasoo haddii ay waayaan keenta dhibaatooyin aan ka hadhin inta ay dunida saaran yihiin oo ku dheehanaata garaadkooda iyo garashadooda sababana inay ahaadaan naxariis laawe yaal.
33

Waxaa in la xuso mudan ayeeyada oo kaalin wayn ka gaysata koriimadda carruurta tabaalaysen ee ugu timada agoonimada, rajada, furriinka oo aan isaga mama loo qiil deyi karin. Ayeeyadu waa udub dhexaad waana ururiso walow aan kaftanee hablo badani neceb yihiin wiilka hooyada leh.Waxaa la yidhi nin boqor ah ayaa waqti/waa ama xilli, hal iyo nirig meel fagaare ah keenay wuxuuna yidhi ciddii sheegta dhibaato soo martay oo yaab leh ayaan siinayaa hsahaa iyo nirigteeda. Hal iyo Nirigteed oo la helaa waxay ka dhignayd waxaan la malayn karayn waqtigaa la joogaye!
Nin ayaa istaagay oo yidhi: Boqor: Dhul oomane ah ayaanu waa ku noolayn oo degganayn. Dhulkaasi wuxuu ahaa dhul baad leh laakiinse biyo ka dheer ayuu ahaa oo biyaha markaanu doonano, waxay nagu qaadan jirtay dhowr caano- maal inaan u sii socono ceelka dhawr caano-maal oo kalena ka soo socono6. Mar ayaan dhaan u kexeeyay ceelkii aanu biyaha ka soo qaadan jirnay, waa dhaan laba awr ah oo afar haamood ama dhoomood iyo dhex dhigyadood ah, waa biyo reerka markaa mudo ku filan marka ay dhaqaalaystaan oo dhacartaan .
Haddii aan biyihii soo dhaanshey oo muddo soo socday goortuna ay habeen tahay ayaan jeedaaliyay awrkii danbe mise wuu xidhiidh furtay oo ilama socdo. Kii aan hogaaminaayay ayaan geed ku xidhay oo u anbaqaaday inaan awrkii gaadho anoo u filaayay inuu meel dhaw igaga hadhay: Daf-daf dabadeed waxba waan waayay waxanna aroor hore kortegay awrkii oo waraabayaal ka hirqadeen hilibkiisii & haamihii oo dalooshamay kalana daadsan dhulkii waraabayaashu xalay awrka baacsanayeen.
Waxaan talo ku gaadhay kii kale iskaga hanti hur oo reerkii biyaha la gaadh: waxaan soo deg dego oo soo gucle rooraba waxaan imi meeshii aan awrka ku xidhay oo intuu xadhigii isku ceejay markii aan
6 Waqti qiyaas soomaalidii xoolo dhaqatada ahayd
7 Dhir biyo leh ayaa la xoqdaa oo la quwaaxsadaa
34

ka dhaqaaqayba naftii ka olyatay oo uu bakhtiyay.Waxaan afka saaray ooshii iyo reerkii anigoo fara madhan nasiib-darose waxaan imi dadkii oo harraad laayey: Boqorkii ayaa ugu jawaabay waxba maad arag ee iska fadhiiso kuma aad guulaysan hasha iyo neefkeeda kaxaysa shadoodee.
Nin kale ayaa istaagay oo damcay inuu sheekadiisa ku furto, hasha:haleeladda ah iyo ilmaheeda.Wuxuu yidhi boqorow: Waxaa meel cidla ah iga helay libaax aar ah oo dadcun ah, haddii aan is aragnayba waxaan galay god igu dhowaa oo aan nafta kula orday isagiina illayn wuu i arkayaye godkii buu igasoo daba galay.
Horaan u galay godkii oo hore u xulay isna waa iga soo daba xulay nasiib wanaagse godku gunta danbe ayuu u dhuubnaa;oo wuxuu soo xulushaba, wuxuu ii soo dhaafi waayay meel aan ka badnayn saddex talaabo, dibna waa u noqon kari waayay libaaxii oo waxaa isu qabtay godka qarkiisa sare iyo xaggisa hooselmarkii hore, ee uu soo xuluullanayey, kamuu, fekerin: dib u noqoshadiisa markanna, way ku adkaatay inuu is jinbaco oo dib u laabto Hortayduu laba laxaadsaday gooh iyo ci, dhegahaa i dillaacay oo wadnahaygaa ku sigtay inuu debbeda ku soo dhaco. Maalmo iyo habeeno badan ayuu meeshii yuurruray, kaddibna wuu dhintay lamase dhafi karo inaan iska sugo marka uu qudhmo oo lafo noqdo mooyee: wuuna qudhmay sidaan filayey hilibkiisa ayaan markuu qudhmay cuni jiray anniganna dirxigga ka yimaadda bakhtiga ayaa i cuni jiray!
Muddo markii aan halkaa ku jiray oo libaaxii dhammaaday oo isku dumay lafihiisii mooyee hilibkiisii ayaan kasoo baxay godkii. Boqorkii wuxuu yidhi waxba ma aad arag ee iska naso kuma guulaysan inaad hasha iyo neefkeeda meesha ka furatee.
Dadkii meesha joogay oo qofba islahaa waxaad hayso waxay kuu gayn karaan inaad nasiib u yeelato helidda hasha iyo neefkeedu hungurigoodii bay dib u liqeen haseyeeshee, ninkalaa istaagay oo yidhi:-
35

Boqorow naag xun ayaan qabi jiray!. Maalin maalmaha ka mid ah yaa col i helay colkuna waa badnaa, waan cararay iyagiina way i baacsadeen; wayse igaadhi waayeen waxay i baacsadanba waxaan soo gaadhay duleedkii gurigayga, halkaa markuu marayey ayaa boqorkii yidhi waar aamu oo hasha kaxayso!
Taasi kama dhigna in sheekadu dumarka xun ku socoto ee waa la’mid ragga xumina oo haddii qof dumari meesha istaagi lahayd oo odhan lahayd boqor nin xun ayaa beri i qabay: wuxuu shaki la’aan odhan lahaa boqorku hasha qaado oo nirigtana ku darso. Sheekadan inteeda hore waxay u egtahay sheekaddii nin reerkiisii markii col ku habsaday meeshii ugu yimi haweenay foolbaxsi dartii kagaga badbaaday colkii reerka baabi’iyay oo iyana ceelasha Walwaaleed kaga dhacday ayna gacantiisa ku soo hadheen ilmihii iyo isagoo qaawan8. Uuna ka tiriyay gabay u eg gabaygan Cali-Dhuux Aadan Gorayo:-
S Qodda Dhagaxley qooriga haye iyo tuban qafaalkeeda ^ Qawdhaha ka baxay tuur wareen iyo qarraro baasheeda ^ Qoomkii intaa degi jiray baan qudhi ka noolayne S Waa loo quwayn jiray tolkay qaadka booligga e ^ Ashkir qoodh-qab xamar qaayiba iyo qallas ma fuulaane S Qol dugsoon intay jiifsadan qabbay ma fuudaane ^ Qalyo gabadha qaalliga haween qoojin mahayaane S Anigaba adduun iga qatalan quusna waan ahaye “S Qoomkaad ogayd baan la shiray amase Qoorwaaye ^ Caawana qodhaydiyo Cabdiyoo qaawan baa hadhaye!
Dad badan ayaa sabab u ah dhibaatadda soo gaadha carruurta inta ay yar yar yihiin.Waxaanna talo ku odhan lahaa dadku ha barteen waxa laga yidhi xuquuqda guurka, xuquuqda carruurta, xuquuqda waallidka. Haka doonin meel dheer ee diinta islaamka ugu noqo oo
Sheeko xariireed
3 6

ka daalaco.Taasina waxay badbaadinaysaa; Guryaheena iyo awlaadeena. Ogow in marka la is shukaansanayo ama lays xod- xodanaayo ay wanaagsan tahay in runta laysu sheego oo qof waliba dabeecadiisa, ceebaheeda ka warramo
Waa khuuriyaa hawgu sahlanaatee. Malahayga waa wax suurto gal ah cabbirka abwaanku ku muujiyay heesta ee ah:-
Dhirta geed hadoodilan oo ku hadh dacaara baa jira S Laan yaroo qatoola ah oo ku qadh qadhisa baa jira S Dumar halalac mara jiid marka hoyga lala tago lagu hoogay baa
9
jira.
Waxaan uga jeedaa labada nooc ee dumarkuba way dhaqan yihiin, sidaa oo kale labada nooc ee ragguna way badan yihiin. Ee ka fiirsi halloo daymo lahaado intaan xeedho iyo fandhaal kala dhicin: Haddii kale dadqal ayaa gabadhi godkiisa ugu tegi doontaa markaasuu, carruurta ka cuni doonaa. Ama dadqalatadii Dhegdheer oo weli joogtuu dalaq u odhan doonaa.
Nin ka warramay kalataggii aabbihii iyo hooyadii wuxuu yidhi, Aabbahay iyo hooyaday waxay kala tageen anigoo yar waxaanuna ahayn afar carruur ah, gabadh iyo saddex wiil carruurtana anaa ugu waynaa oo waxaan ahaa lix sano jir. markii ay kala-taggeen: hooyaday waxay qaadatay gabadhii; aabbahayna wuxuu la hadhahay wiilashii aniga markiiba wuxuu ii geeyay reer ay qaraabo ahayeen oo ilaa lix oday isugu tegi jireen. Adhigiina reerkaa ayuu u dhiibtay. Qoftii 9
9 Hees ciyaareed
37

dumarka ahayd ee reerka la ii geeyay lahayd; waxay iila dhaqantay markiiba, si aad u qallafsan oo aad u adag isla markiiba xoolahay iraacsatay.
Waxaan la jaan qaaday dhoobinimo, waxaanna isoo marray dhibaatooyin aan la tirin karin & waayo madow oo adag. waxaan odhan karaa dhafoorkayga qaar baa weli ku sii yaal: Waxaan ka xusi karaa in ay raashinka aad iigu yarayn jirtay oo igu suququulin jirtay .Way i garraaci jirtay sidii dameer aan cidi lahayn oo kale, mar uu ka jawaabayey bal amuurihii ugu darnaa ee ka qabsaday, reerkaa uu la noolaa, wuxuu yidhi: waxaa iila yaab badnaa waxyaalihii isoo maray caruurnimadaydii malahayn, meel aan seexdo iyo wax aan ku seexdo midna.
Waxay habeenkii igu tuuri jirtay meesha aqalka maqasha lagaga xidho. Halkaa oo maqashu dusha iiga tuman jirtay, habeenkii oo dhan. Digada iyo malka10 maqasha ayaanna wehel ii ahaa oo malaha waxaanba ahaa neef ka mid ah maqasha. Run ahaantii waxay ahayd wax yaab leh oo murugo leh. Muddo ka dib waxaa la ii geeyay eedaday oo hawdka Buuhoodle lagu qabo halkaa oo aan uga aag beddeshay Sool iyo Xadeed. Eeddaday aad bay ii caqiibaysay, oo koritaan kayga wax uga qaadatay. Haddii aan in mudda ah la noolaa eedaday waxaa dhacday abaartii daba dheer ee 1974m waxaan ka mid noqday dadkii loo raray koonfurta Soomaaliya waxaanna la ii geeyay, adeerkay, oo aan markaa xaas lahayn.
Aniga iyo adeerkay guri ayaanu ku wada noolayn wuxuuna i geeyay iskuul. Markii aan iskuulka tegayba Waxaa nala waydiin jiray? yaan aabihii iyo hooyaddii la noolayn. Markaa fartaan taagi jiray waayo adeerkay xaas malahayn oo reero ayaanu dulsaar labadayaduba ku ahayn. Xagga waxkarsiga iyo dharmaydhka hurdadase guri baanu lahayn. Aroor ayaa nala yidhi ciddii aan Aabe & Hooyo u joogin waxaa la gaynayaa Koleejo lagu xanaaneeyo ee berito ha soo diyaar
10 Xaarka xoolaha yar yar
38

garoobeen. Markii aan gurigii aan adeerkay kula noolaa ku laabtay ayaan ILAAH; baryey inuu aabbahay ama hooyadday indhaha ii saaro. Waayo waxaan ka murugooday kulleejadda oo aannan wax figrad ah ka haysan.
Mise markiiba, waa hooyadday oo kunturwaaray11 ka timi ayaa albaabka ka soo gashay. Anigu bay tidhi markaa waxaan joogay Sablaale12. Hooyadday ayaanna maalintaa wixii ka denbeeyay la noolaa. Iskuulkiina halkaasaan ku dhameeyay dugsiga dhexe waxaanna galay dugsiga farsamadda gacanta oo aan ka qalin jebiyay. Waan shaqaystay waxaanna bartay xirfaddo kala duduwan, reero ayaanna yeeshay oo ilaa saddex dumara yaan furay. Carrurna Ilaahay waa ii hibeeyay. Isagoo ka jawaabaya haddii aad dhibkaa soo martay maxaad u dooratay inaad ilmahaagana jirabkaa mariso wuxuu ku jawaabay dumarkaa maanta iska leh eedda lagu kala tago badideeda sidaa ayaan aaminsanahay,
Waa tii ilmo Soomaaliyeed hore u yidhi:- hooyadayna waxay keentaa waxa lagu dagaalamo, aabbahayna wuxuu keenaa waxa lagu kala tago. Run ahaantii markaad taariikhda dib u raacdo dumarkii Soomaalidii hore marka la doono ama la damco in la furo gurigay ku dhegi jireen oo ma oggolayn inay carruurteeda dayac uga tagto oo ka maqnaato la noolaanshahooda.Waxayna ahayd sharaf wayn iyo taariikh aan la hilmaami karin. Dhibaatooyin badanna waa la markin jiray balse waxay ku illaawi jireen ludfiga iyo u tudhidda ay ilmaheeda uga tudhayso dhibka soo gadhi kara ka maqnaanshaheeda, waxayna naxariis aan la ilaawi karin u hayeen ubadkoodda oo dhab ahaan in badani u ayeen ubadkoodaas ka gadaal markay koreen oo in uun naxariis ah Eebbe u geliyay. Hooyo Soomaaliyeed oo qaaliyi waxay tidhi:-
‘1 Xero ka mi da meelihii dadkii caydhoobay la dejiyey 1974
12 Xeroo kale oo xeryahaas ka mid ahayd
39

B
13
S Labada bawdiyo, intay badhidu guban lahayd S Duleed naag kale intuu duufka lull lahaa S Maduulahayow naftaan kuu dulaynayaa13
Maanta sidu sidii maaha isbedel ayaa dhacay, hadday dhasho inaanay naaska u dhigin, haddii la murmo inay caytanto, haddii la furana inay ilmaha tuurto oo tafaha xaydato.Waloow la wadaago dhibaatada kalatagga iyo furiinka iyo burburinta reeraha misna waxaan odhan karnaa qayb aan yarayn ayay leeyihiin dumarku, waayo ilmuhu sida uu uga maarmo aabbaha, ugama maarmi karo hooyada haddii aan geeriyi meesha iman, waxaanna haboon in laba nooc ee dadku ka waantoobo basar xumidda keenta dhibaatadda carruurta ku habsata.
Saaxiib kale wuxuu yidhi
Rajay ayaan ahaa hooyaday waxay dhimatay, habeenkii ay i dhashay naf ahaantiisii oo waa ummul aroortay, Waxayna u dhimatay marka laga yimaado waqtigeedii oo dhammaday dhiiga dhalmada oo isku taagay awgii iyo farsamada iyo habka umulisanimada oo aad u hoosaysay daraadeed. ALLE ha u naxariisto hooyooyinkeen mid dhimatay iyo mid noolba: Ayeeyaday hooyo ayaana markiiba i qaaday oo naaskeeda ii dhigtay, naaskaasoo Ilaahay ii irmaanshay, waqtiga oo adkaa iyo ayeeyaday oo aan markaa shan sano wax dhalin.
Illaahay siduu doono ayuu wax u noolleeyaaye waqtiga lagu jiray wuxuu ahaa waqti abaareed oo aan xoolo irmaanayn hooyadii inuujin lahaydna waatanoo waa la oofsaday, ayeeyadeyna markay wax ay isiiso wayday garana waayday si ay yeesho, ayay naaskeedii afka ii gelisay waanna ii caanoobay: naaskeedii waxaynu odhan karnaa waa mucjiso!
Sharcigu siduu qabo aniyo hooyaday walaalo nuugmo ayaanu noqonay,Waxaa kaloo xusid mudan in reer abtigay markaa ahaayeen reer sabool ah; taasoo aan odhan karo laba arrimood oo buugani ku
Xaawo Xiddig
4 0

socdaba anigu waan soo maray taasoo ah Rajaynimo iyo Sabool nimo. Markii aan lix jir ahaa ayaa aabbahay i kaxaystay wuxuuna ii geeyay walalkii oo reer miyi ahaa, Aabbahayna, xoolo u hayay; ayuu ii geeyay oo iiga tegay waayo aabbahay magaaladuu ka shaqaysan jiray: wuxuuna ku noqday sabool xoolihiisiina siduu marba mid u iibinayay ayuu ku dhammaystay.
Anigu xoolahaan wax ka raaci jiray oo waqtiga aaranka14 ah, adhigaan raaci jiray, waqtiga adagna geelaan wax ka raaci jiray: waayo carruurta guriga joogta anigaa ugu waynaa. Aayadadaydii aan la noolaa oo adeerkay u dhaxdayna waxay ahayd qof kulul aad ayayna ii dhibi jirtay: xagga raashinka waa iigu darrayd oo wax badan ima siin jirin.Waxay igu odhan jirtay weel caagado ah oo cuius, soo dhaami marmar 20 litir qaad ayay ii dhiibi jirtay oo ceelka oo badanaa, naga fog iigu diri jirtay innaan ka soo dhaansho.Waxay ahayd dhib aan yarayn waayo waad garan kartaa ilmo yar oo aan koriin flican qabin in uu qaado weel sidaa u cuius inay dhibaato tahay.
Marmar kalenna afar caagadood oo min shan qaad ah ayay ii dhiibi jirtay oo ii xanbaarin jirtay waxayna isoo markisay ama marisay dhibaato iyo ciqaab cadawtinimo ku jirto. Mar uu Muuse ka jawaab celinayay bal dhibaatadii ugu darrayd ee uu xassuusto oo kasoo martay aayadaa carruurni muddadii uu la noolaa wuxuu yidhi, maalin ayaan aniga iyo aayaday adhi u aroorinay meel fog ceel ku yiil, adhigana waa guulinay15 daal iyo baahi badan ka sokoow markii aannu ceelkii nimi ayay amar igu siisay inaan adhiga soo horo kan soo fulaana aanu baxsan.
Waa laba shaqo oo aan qofyari ka wada bixi karin, ceelkuna wuxuu ahaa ceel buuq ah oo waxa ka buuxay kummaan iyo kumaaan xoolo ah, oo maalin kaa isugu yimid. Markii aan dhowr goor horay ayaan awood u waayey inaan adhigii celiyo: waayo markaan xaggaa iyo kan
14 barwaaqada
15 Waa habeenka xooluhu ku sii socdaan ceelka kana maqanyihiin xeradoodii
41

soo fulay aado ayaa kii kale dareeraa oo ceelka ku yaacaa, ororodkii aan marba dhan u ordayey ayaan xuurtoobay oo itaal hedin kari waayay. Intay dhenged iila timi ayay gawdaa iga saartay; Waxaanna i go’ay xidid madaxa ah oo dhiigaygii kor iyo hoos u shubmay.
Markii uu Muuse ka sheekaynayay sidii uu uga baxay noloshaa murugada iyo quusta leh ee soo martay wuxuu yidhi markaan 14 jir ahaa aanna markaa ku tirsanaa raacida adhiga; waxaa maalin maalmaha ka mid ah dhacay in adhigii iga goosmay oo iga lumay qayb dhan ay aanna waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigtay. Adeerkay ayaanna baadi doon u raadiyay adhigii iga goosmay, adeerkayna wuxuu ahaa nin macaan oo dabeecad fiican haddii uu dhowr caano maal ku maqnaa baadi doonkii adhiga ayuu kortegay raqdii adhiga ilaa 10 sabeenood oo ugub ah oo weer u xiiray amaba ka kawsliyay. Markii adeerkay soo noqday oo warkii guriga keenay aniguse markaa aan maqnahay oo adhigii la jiro, ayaa waxaa iga horyimi ilmo aanu ilma adeer ahayn oo ii sheegay in aayaday ii dhaaranaysay kana xumaatay idahaa bahalku laayay.
Markii aan warkaa cabsida leh ogaaday ayaan riyo afar ah maalay anigoo afka ku maalaya, gabalkii markuu dhacayna duleedka ayaan ka wareegay oo waxaan habeenkii jiifsaday jabad madhan oo cidla ah. Oogga hore ee aroortii markii shinbiruhu ciyeena waxaan ka kacay meeshii aan xalay u hoyday oo waxaan aaday magaaladii oo markaa noo dhowayd. Maalintiiba magaaladii ayaan gaadhay oo aabbahay oo afurayaan u tegay. Aabbahay dad anigoo qudhuu leeyahay.
Haddaba waxaa run ah in, waxyaabahan oo dhami ay yihiin dhibaatooyin dhacay amase dhici doona :inta adduunku jiro waanna mid ka mid ah imtixaanaadka adduunka oo dadka qaar ku guulaysan doono, qaar kalena ku dhici doono, waxaanna wanaag leh kuwa ka gudba oo dareema waxa ka danbeeya. Waayo maanta waa adduun berina waa aakhiro, illaahow nacafi oo noo dhaaf waxaan samaynay deeqdaada iyo naxariistaada aan la koobi karin daraadeed AAMIIN.
4 2

Alle naxariistiisa haka waraabiyee nin kani16wuxuu ka mid ahaan jiray golaha guurtida Soomaalilan wuxuuna sawirkiisu sudhan yahay isaga iyo afar oday oo kale aqalkii Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal alle ha u naxariistee uga talin jiray maamulka Soomaaliland . Wuxuu iiga sheekeeyay sidii uu u soo koray wuxuuna ii sheegay inuu rajay iyo agoon labadaba ahaa.
Sida uu ii sheegayna wuxuu yidhi waayadaa aan carruurta ahaa dadku wuxuu u wada degi jiray qoysas badan oo illaa 7 ama 8, aqal ka kooban ama wax ka badan kuwaasoo xerada wada geli jiray mana ahayn xaalku sida hadda loo dego miyiga oo ah laba aqal ama waxa loo yaqaan jees oo hal reer keliya ah.Wuxuu yidhi maadaama aannan lahayn hooyo iga warqabta iyo aabbe ila socda midna waxaan ka tirsanaa reerahaa badan dhexdooda. Inkastoo aan dhib qabay waxaa iigu darnaa marka carruurtu hooyooyinkood wax ka xadaan ama wax ka halleeyaan anigay dusha iga saari jireen. Inaannan lahayn hooyo ii dooda anna aannan is difaaci karayn awgeed.
Dhib aan yarayn ayaana isoo gaadhi jirtay oo xaq darro ah bulshadda dhexdeedana waxaa la iiga aqoonsaday qof xun oo tuug ah. Haddaan muddo sidaa ku jiray maalin maalmaha ka mid ah, ayaa beeshii guurtay sida caadada ahna marka la guuro waa waqtiga waaberiga ah. Xoolaha lama maalo ee waxaa lagu talo galaa in marka la dego la maalo siiba geela oo soomaalida meel adag kaga yaalay waagaa. Waxaanu sii soconaba waxaannu degnay dooxo barwaaqo ah waqti hadh galmo ah. Markii la degayba jeexa dhexdiisii ayaa laga ooday edeg nirgaha lagu xereeyo si geela loo maalo.
Geeli waa la maalay reerihiina sabarka dooxadaa looga xero dhigay. Edegiina meeshii baa looga tegay oo lama baabi’in waayo oodiisaba looma baahan. Markaanu maalin meeshii naallay ayaan aroor labaadii oo dadku mashquul xoolaha ku yahay waxaan kaxaystay carruurtii oo
16 Cumar jubuq
43

dhan waxaanna ku xereeyey edeggii, oo waxaan ku idhi intaan oodii u soo rogay qof yeedha ha yeelanina libaaxbaa inna cunayee.
Intay baqeen bay iswada nabeen oo qof ooya iyo mid hadlaba la waayey milic ba’annina waa naga heshay meeshii balse waa ku gabal dhacsanay oo carruurtii way wada seexdeen siday isu nabayeen. Dadkii maalin badhkii bay carruurtii tebeen waayse waayeen oo waxay galeen baadi doon, markaa maalinnimadda lagu jirayna dumarka uunbaa baadi doon ahaa raggu aallaaba waayaddaa wax shir qabta iyo wax xoolaha raacuu ahaan jiray.
Maalintaa iyo habeenkeediiba beeshii wuxuu u ahaa baadi doon iyo balasle. Waxse lama helin edeganna lamaba minfilaadin oo cidi xaggiisaba ma soo aadin ama lamaba eegin. Haddii waagii beryey caruurtiina toostay ayaan ku idhi iska sii jooga caanaan inoo keenayaye oo intaan oodii iska leexshay guryihii aaday.
Digsi dhito ah oo habar waayeeli dhitaysatay; ayaan u tegay oo dhamay baaqigiina qaatay oo carruurtii la aaday waxaase i arag-tay, islaantii markaasay iqabatay oo qaylisay.
Dadkii meelahaa ka dhowaa ayaa ii yimi markaasaa carruurtii meeshii edegga ahayd laga soo saaray; dadkii baadi doonka ku maqnaana dab loo shiday si ay u ogaadaan in carruurtii la helay. Haddii laysu soo wada noqday oo waagii labaaad beryey ayaa raggii reeruhu shir waceen annigana shirkii baa lay keenay oo waxaa lay waydiiyay waxa igu kelifay inaan carmurta qariyo oo dhibaatadaa wayn sameeyo. Anigu buu yidhi markaa illaa toddobo jir ayaan ahaa. Shirkii ayaa lay dhex taagay waxayna odayaashii i way-diiyeen, waxaan carruurta cidladda ula galay.
Jawaabtaydu waxay ahayd mid cad oo waxaan odayaashii ku war geliyay in dumarka reeraha aan dhibaato, ku qabo oo marka caruurtoodu wax halayso aniga dusha layga saaro. Inta arrintaa laygu hayana aan ka dagaalami doono oo carmurta meel aan laga helin ula dhaqaaqi doono. Odaygii odayaaysha u waynaa baa amar ku bixiyay
4 4

in dumarka loo yeedho oo shirka la hor keeno; waana loo yeedhay oo la soo taagay madashii shirku ka socday waxaana dhaar adag dabadeed loo sheegay qofkii dumar ah ee hadda ka dib Cumar kasoo sheegto dhib in aanay guryaha joogayn.
Maalintaa laga bilaabo dumarkii reeruhu waxay bilaabeen, inay i dhaqaaleeyaan oo dhibkii iga daayaan. Ta caanaha ii qarinaysa ha dhanaaneen ama dhay ha ahaadeene tiro ma leh. Hilibku meel ma day’an oo marka reeruhu shidhaystaan (waa xoolo la qasho marka lagu jiro waqtiga adag ama loo yaqaan jiilaalka badanaabana berigii hore raashin ma jiri jirin oo xoolahaa dadka raashin u ahaa, waxaana la qali jiray habeen dhaaf, waana halka lagaga maahmaaho : saddex la lama noolaado
a) buur aan shaahid lahayn
b) Oday aan sheeko aqoon
c) Habar aan sheel lahayn1
Macnahuna waa buur aan dhir lahayn lama eegi karo oo indhaha waa u darantahay. Oday aan jiilaalkii carruurta u sheekayn oo sida loo dhegaysanayo aan lagu seexan oo habeenkaa neefkii la qali lahaa badbaadin oday hagaagsan ma aha. Dumar aan wax dhaqaalayn oo wax sii kala dhiginina ma wanaagsana.)
Foos waxay tidhi:-In kastoo Aabbahay nin maal-qabeen ah ahaa, misna dhibaatada carruurta gaadhaa waa mid ballaadhan oo nin wax haysta iyo mid fara madhanba haddii furiin yimaado ilmahaa waa madhax u yaal.
Aabbahay, hooyaday iyadoo yar buu guursaday iyaduna rajay ahayd oo hooyo ma lahayn. Markii ay saddex carruura dhashay ayaa aabahay furay hooyaday, wax ay isku qoonsadeenba. Maadaama ay qof yar ahayd isna uu nin maal haysta ahaa intuu eryay ayuu ciyaalkiina u diiday. Hadday ashkatootayna waaba xidhay, oo waa uga
Maah-maah
45

sii daray: Anagiina haweenay uu qabay buu noo keenay oo yidhi hay. Dhab ahaan way na korisay dhibse waa ku qabnay ciyaalkeeda oo aa naxariis badnayn awgood iyo iyadoo aannaan beerkeeda ka soo bixin
Mudda yar dabadeedna aabbahay wuxuu noo raray London oo guryo! nooga iibshay saddextayadiina mid waa dhintay labadayada kalese eedadaa ayaa na soo korisay. Aabbahay alle ha u naxariistee waa bukooday oo sariir buu ku ururay. Aayadayna iskuul ima gayn ee boo’isay iga dhigatay, gurigaan fiiqaa, waxbaan masaxaa, waxbaan kariyaa, hawl oo dhan baan qabtaa waxna ma barto.
Kan ila dhashay isaga iskuul waa la geeyay, anigase waa laygu shaqaystay, halaygu shaqaystee dil, cay & hafriinshaa ii dheer waxaan qabo. Haddaan Aabbe u dacwoodo gar’layma siiyo oo inta kalaa igu furta markhaati beenaale, innaan anigu dhiblay ahay, ama aan sunbo aan lala dhaqmi karin ahay.
S Allahayow dadma aqaan, allahayow dal ma aqaan ^ Qori daad sitaan ahaye dawga ha’iga raaridin18 Waxaan silic ku noolaadaba waxaan ka war helay in abtigay magaalada London joogo, waxaan telefoonkiisa, baadi goobaba waan helay. Laakiin wuu iga qaban waayey.Waayo wuxuu ahaa nin dhallin yara ah oo aan hore u tegin gurigiisa, fariimaha sida loo duubana magaranayn waagaa. Koorta-hadal-kuna berigaa ma jirin[Cell-phone] ka ayaan sheegaynaa. Maalin ayaan baxsaday anoo is leh abtigaa wac waayo innaan guriga ka waco cidna lama oggola, aabbana dabaqa sare ayuu jiifay oo ku bukay waxa hoos ka socdana lamaba socon, tiisaa cuslaysay. Anoo Yurub waa dhaxane wareegaya gidaaro baraf looga waashay ayaa gabadh Soomaaliyeed i heshay, iyadii baa gurigeedii, igaysay oo i haysay laba habeen. Abtigayna la hadashay.Yeel keede abti gurigii buu igu soo celiyay, aabbana way wada hadleen, waxse iima ay tarin.
18 Hees: waxaa ku luuqayn jirtay fannaanadii caanka ahayd ee Magool
46

Dhibkaa, waxaan ku jirabba hooyaday oo ciyaal kale wadataa waddankii soo degtay. Iyadii baan markaa u tegay imase hayn karin oo meesha ay deggantahay qaxootaa loo dejiyay oo meel iyada iyo saddex carmura ay wadatay ku filan ayay ahayd, aabbahayna ma oggolayn inaan ka maqnaado. Hadal iyo dhamaantii mama hooyaan la joogi jiray marna guriga aabbaan tegi jiray, dad igula taliyay inaan Bilayska u tagana waan diiday oo aabbahay oo liita inaan askar dulgeeyo waan nacay. Dib ayaan iska dabaqabtay oo iskuul ka tegay, dhaqsiiyana waan guursaday, oo reerbaan yeeshay, Eeddaday iyo kuwii walaalahayna waan iska cafiyay waxay i markiyeen, if iyo aakhirabba. Anna casharbaan ka faa’iiday innaan carruurtaydu tii isoo martay mid la midi ku dhicin Inshaa Allah. Carruurta dhibban ee Soomaaliyeedna waan u damqanayaa.
Suugaantii Cali Cilmi Afyare ee cajiibka ahayd waxaan maantana inooga soo qaaday:-
Haawiya la gee waa bakhayl lagu hungoobaaye ‘S Haddaad waayo soo haybisoo hawshii ku abaato S Hoygiisa adigoo yimid oo hadyad dhowraayay v Hantiba yuu kusiinine hadduu kuu hawali waayo S Oo hadalka aan laga heshiin kugu horraysiiyo S Hah mawaad huraysaa Rabbow lagu hadhiimaysto19
Kufsiga iyo dhaqan xumidda ah oo lala beegsaddo haweenka.
Hablaha iyo Haweenka Somaaliyeed waa laf-dhabarka homumarka, sharafta, karaamadda qoysnimo, ummadnimo iyo qaranimo. Kufsiguna waa denbi la galo kan ugu xun oo waxshimimo ama bahalnimo ah ; waa wax aan media kaga jirin islaamnimadda, xurmada basharka iyo sifooyinka wanaagsan ee dhaqankeena.
19 Cali cilmi afyare
47

Kama hadho xusuusta gabadha ama hooyada la kufsaday inta xusulkeedu xabaal ka sarreeyo wuxuunna keenaa shoog iyo arggagax la rafiiqa dhibanaha uu soo maro. Sidaa daraadeed waa in laga hortago waxyeeladaa foosha xun; ciddii ku dhaqantana la mariyaa ciqaab aan naxariis lahayn. Maxaa yeelay waa denbi wayn kuna xun sharafta , karaamadda, diinta , ummadnimada, qabka iyo dhaqanka suubban. Dhuux oo u fiirso heestan uu hadraawi inoogu fara yaraystay:-
S Ma geyoon ma gamashiyin Ma gommodin ma gaagixin Ma gabloobin maan gudhin Mana gabin halkaygii S Gabaygiina maan deyn Geeraarradaydii Imminkaan gardaadshoo Weli maan gunnaanadin.
Murti nimaan gunteediyo Baran gogol-dhiggeedoo Gonda-degi aqoonoo Garab-daar lahayn baa Gawl-gawla hadalkoo Kolba dhinac garoocdee Sida webi Ganaanoo Cirka godollo maaloo Biyihii ku gaaxdiyo
Gebiyadii kusoo degey Ku darsaday gufaaciyo
48

Gullama diriroo Galli jabay habeenkii Kolba gacan ma soo rogay Qudhaciyo galoolkii Gunta xididka maw jaray Dhulka wada galaal iyo Gabbalaha ma kaga tegey S Afartaa geddaydii
Dhaha laygu garan jirey! v” Gurmashada dagaalkiyo Gulufkiyo colaadaha Goobaha naf waagiyo Halka laysku gowroco Marka gorodda lays daro Haddaan dumarku goonyaha Guubaabo kicinayn Sida galowga dhiilloon Illaa geesi qayrkii Birta kuma gumaadeen! y Gu’ hagaagay oo da’ay Dhulka geedo jiifaan Guryasamo barwaaqa ah Haddii geeddi lagu furo Dhallinyaro is gurataa Gurdan raaca fiidkii Gole weyn ku kulantoo
4 9

Cagta garan-garkeediyo Isu geysa jiibkoo Googooska luuqdiyo Gedda sacabka loo jaro Hablahaa u gaaroo Garashada codkoodaa Qof gaboobay kicisoo Gelbiskiyo mashxaraddaa Gama’kaa ilaashee Haddaan gabadhi boodeyn Illayn gegi cayaareed Wax ma dhaanto geriyaad.
^ Haddaan guudka laga jarin Gudihiisa xaabkiyo Cayayaanka laga gurin Marwo dumar garka u xidhan Illayn guri dugsoon ma leh.
S Gaadaha habeenkii Kelidaa galgalashiyo Ged-geddoonka dhalisoo Adigiyo go’aagaa Hadba dhinac u guuroo Barkintaad gabbood iyo Gaashaan ka dhigataa
5 0

S Haddaan guud haldhaaley Kolba gacan la saareyn Illayn gogoshu wehel ma leh
Kuma galo adduunyada; Ninna goonni-socodkoo Marwo garasho dheer baa Ninka raga u gudinoo Iyadaa guddoonkiyo Gadh-hayaa naftaadiyo Gaadiidka reerkiyo Gurgurshaaga noqotoo Arrin kula gorfaysee Haddaan gaari kula jirin Illayn noloshu guul ma leh; Gocashada xanuunka leh Waxaan uga gol leeyahay S Go’i waa barbaareey
Gobi waxay ku dhaqantaa Garab waxay ka dhigataa Gallad waxay ku dheeftaa Samo waxay ku gaadhaa Gololadda haweenkee Hiddaheena gaarka ah Hablihii gabowgiyo Geerida ku sugi jiray
51

Hablihii garayskiyo Xidhan jiray guntiinada Hablihii gu’ iyo dayr Sida baarqab golongolay Dhexda xadhigu goyn jiray Hablihii garaaraha Gaatan-socodka laafyaha;
Sida gorayga ciideed Gelbin jiray tallaabada Hablihii gun iyo baar Isha gacalo eegtaa Gama’ aanay ledi jirin ‘S Hablii talada guunkiyo Gunti jirey xishoodkee Hadalkoodu gaabnaa Hablihii gef hooyiyo Qarsan jirey guhaadee Hadday godolo soomaan Haddey gaajo liitaan Cidi aaney garan jirin S Hablihii gammaan faras Iyo geela ugubka ah Guur doon ka bixin jiray Hablihii Gargaariyo Guuleed ku curan jiray
5 2

Goldaloolo iyo ceeb Hablihii ka guban jiray,
S Hablahaan gankoodiyo Hilibkooda gadi jirinee Haddii aad gujeysaan Guulguul ku leysaan Godol qudha ku moodaan;
Gabal kooda dumisaan Hadba tooda goosha ah Ganaceeda jabisaan Dadku gabanaa xooriyo Garrac ley yidhaahdaan Inagoo gumewniyo Dhaqan guurey weeyee Gocashada xanuunka leh Waxaan uga golleeyahay S Godob aabbe falaybaa Ubadkiisa gocondhiyo Gumarshigan ku noqotee Gabi dheer ku dumisee Ninka inan ma geyda ah Golqaniin ku maalee Guraac kaga danaystow Waxaad gaaxsaneysiyo Gashigaad cuneysiyo
53

Xumahaad galeysaa Ruuxay ka go’an tahay Gabadhaada weeyee Gafka aad falaysiyo Waxaad geysanasaad Galab kale ka sheekayn
S Gebagebada sheekada Bal aan soo gunaanado Guddoonsiiyo jiiftada Gabigeed adduunyada Gobol-gobol u qaadoo Hablo weerar geli kara Hablo geela dhicin kara Hablo geesi dili kara Gobonimana hanan kara Hablo talada goyn kara Garta madal ka niqi kara Garashana iskaga mida Quruxdana ka wada gob ah Geesteenna mooyee Geyi kale ma joogaan!20
20
Maxamed Ibraahin Hadraawi
5 4

GUDNIINKA FIRCOON
Bal u fiirso magaciisa waa magac aad u xun waa kii diiday rabbigiisa, waa gaalkii sheegtay waxaanu ahayn ee isku tilmaamay inuu rabbi yahay.Waa mid inbadan laynooga qisooday, oo layna faray inaan iska ilaallino wuxuu ku kacay iyo dhaqankiisii xumaa. Gudniinka fircoon waa wax ka soo jeeda caadadii Fircoon ee ahayd inuu beddelo khalqiga Eebbe.Waa hab caqiidadiisii ka mid ah cidii samaysaanna waa cid ku raacday habkiisii gaalnimada ahaa. Ilaah kuma amrin nebuguna NNKH kuuma sheegin inaad Innantaada ama gabadhaada mawluhu kuu hibeeyay xubinteedda taranka googooyso, misna karkarto, oo baabiso xubbinta basharku ka tarmo .Gudniinka fircoon waa dhibaato nafsaani ah, caafimaad darro ah, dhaawac jidheed ah sida waxa loo yaqaan episiotomy { surgical incision of the perineum to enlarge the vaginal opening for obstetrical purposes during the birth process}21
oo macnihiisu yahay:
• Marka la gudayo jeex-jeex
• Marka laguursadona jeex-jeex
• Markay dhalaysana jeex-jeex
Weligeedba ha ku jirto baqdin, xanuun, arggagax iyo xusuus xun oo aan hadhin abidkeed (nightmare).
Mid ka mida haweenka soomaaliyeed oo tilmaan ka bixisay xubintan sida ay qaali iyo muhiim u tahay waxay tidhi: – S Shiikh dhale shariif dhale S Gaannane gob geed geliye
21 http://www.babycenter.com/0_episiotomy
55

{taasoo ay ka wado inuu yahay xubinta qofwalbaa oo wax ismooday kasoo boxo.Tan labaadna waxay sheegaysaa sida gabdhaha loo ardaa dhigo ama loo doono}
Dhibaatadda uu leeyahay gudniinka fircoon waxay gaysataa xannuun iyo diif weligeed gabadha loo gaystay, aan ka hadhin. [Intaa wixii ka sii faah-faahsan waydii dhaqtarradda] Wax badan baa laguu sheegay jooji waxaad ku kacayso ee kasoo ergisanayso caqiido kuwo shaydaan maamule u noqday ka soo jeeda. Ha beddelin khalqiga iyo samayskiisa wanaagsan.Wax maqal oo caqiiddadda islaamka ku dhaqan!!!
5 6

kani waa samrkii Samiira CumarAxmed oo u dhutinaysa xannuunkii usbuuc ka hor hooyadeed u gaysatay; waana mid ka mida barakacayaasha muqdisho ku
nool.
57

Filimka la magac baxay ubixii lama-degaanka The desert flower22
Haddan si kooban uga faalloono filimkan oo ku saabsan taariikhda gabadh Soomaaliyeed23. Wuxuu muujinayaa in ay labada dhibaato ee gudniinka Fircoon iyo kufsiguba ku dhaceen. Intaa oo ay dheertahay guur aanay gaadhin waqtigiisii dookheeda ahayn, baxsi iyo biime ay cidla u badheedhay.
Addoonsi la addoonsaday, waxbarasho la’aan soo martay dib jirnimo dhul shisheeye ay dibjir ku noqotay, bukaan ay turjumaan u wayday iyo dhibaato xoogwayn oo haleeshay, Iskusoo wada duuboo markay raad dhaqaajisay, ayaa la qashay oo hilbaheeda haada loo wadhay, markay qaan gaadhaa oday gaboobay gacanta laga saaray, markay carartaa la kufsaday, markay gurya tagtaa, gaadiid cells gabbaad looga dhigay.
Markii gurigii laga cararaa cidla looga tegay markaasay, London dhex goloslaysay, oo kudaafaddaha guratay, ka gadaalla gaallo giniyaad lacageed guudkeeda ku guratay. Inkastoo ay gilgilatay oo guriga golaha loo dhanyahay ka guubaabisay in loo gurmado gabdhaha gumaarkooda la googoynayo, misna xusuus aan gaboobin, baa lagu gunti furay.Waxaa cad in yaraanimadeedii guuldaradii loo gaystay ay gu’ wayni la gaadhay.
Waa fflim rnumgo24 badan, waa wax in laga gilgisho uu garaadka wanaagsani gocanayo, una guntanayo sidii gees looga soo wada jeesan lahaa guntana looga jari lahaa:-
22 29 September 2014 7:27 AM
23 The autobiography of a Somalian nomad circumcised at 3, sold in marriage at 13, fled from Africa, while later to become finally an American supermodel
24 Smita Bhide (script revisions), Waris Dirie(novel)
58

• Googoynta gabdhaha
• Geel ku doonka gorgortanka ah
• Jahli u garba duubka
• Kufsi ku gawraca, iyo guuldaradda jaan
Kitaabkeena Quraanka ah ma’aha kitaab saynis ah oo ay ku qoran yihiin aragtiyo saynis ah sida (Newton theory ama Einstein Relativity) Balse waxa weeye kitaab uu Allaah u soo dejiyey in lagu hannuusho Bani’aadamka oo looga saaro mugdiyada Jaahilnimada; loona saaro Iftiinka Islaamka sida uu Allaah quraankiisa ku yiri:25
Ibrahim26
(1) xarfaha hore oo kale waa la soo sheegay macnahooda, kanna waa Kitaab aannu kugu soo dejinnay inaad kaga bixisid dadka mugdiyada xagga Nuur idamka Eebbehood iyo jidka Eebbaha adkaada ee la Mahadiyo. (2) Ilaaha iska leh waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, halaagna waxaa mudan gaalada cadaab daran xaggiis.
Inkastoo annu Quraanku kitaab Saynis2 ahayn haddana kama reebna in ay ku jiraan xigmado muran ma doonta ah oo waayahan danbe uu Saynisku caddeeyey, taas oo dadka mu’miniinta ah iimaankooda u siyaadineysa, xoog in uu kitaabkani Allaah xaggiisa ka yimid sida uu aabbaheeen Nabi Ibraahiim uu allaah uga dalbaday in uu tusiyo sida uu Maydka u nooleeyo mar kaas ayaa Allaah SWT ku yiri:(oo miyaadan rumaynin?
Ibraahiim wuxuu ku jawaabay in aan rumeeyey iska daaye waan rameeyey oo ah erey ka xeeldheer haa!!! Laakiin waxaan rabaa ayuu yiri Nabi Ibraahiim NNKH in uu qalbigeygu ku dago!!! Sida ay carabtu ugu maahmaahdo (wax sheeggu aragtida oo kale ma ahan)
25 Sheikh saahid maxamed
26 http://www.e-quran.com/language/somalian
59

Sidoo kale wuxuu gaaladana u caddeynaysaa in uusan Nabi Muxamed oo la yaqaan waqtiga uu joogay iyo meesha uu joogay in uu Eebbe wayne u soo waxyooday ee uusan isagu meel kale kala iman. Sida uu qirtay Dhakhtarka weyn ee cilmiga Ilmaha (Embrology) Keith Moore28 ee Kanadiyaanka ah oo macallin ka ah Jaamacadda Toronto oo leh Buugga u caansan cilmigaas oo 8 luqo lagu turjumay oo la yiraahdo (The Human embrology) Dr. Keith waxaa loo geeyey Aaydaha quraanka ah ee ka hadlaaya marxaladaha uu Bani’aadamku ku maro uurka hooyadiis, wuxuuna yiri in ay sax yihiin iska daaye sida aan ardeyda u barno habka quraanka ayaaba ka fudud.Waxaa taas ka sii daran marxaladda uu quraanku ku tilmaayey (mudqa) wax la calaalshay ayuu sawiray markaas ayada ah waxayba u egtahay xanjo la calaalshay oo ilkihii ka muuqdaan.
Waxaa la weydiiyey DR. Keith Moore halkaad u maleynesaa in uu Muxamed cilmigaan ka helay 15 qarni ka hor; wuxuu yiri cilmiga casriga ah ee ultrasound & X-rays dad’diisu ma dhaafsana 30-40 sano Marka waxaan leeyahay Muxamed cilmigan Allaah ayaa u soo waxyooday ee meel kale kama keeni karo, waxaa la yiri ma adiga oo Masiixi ah oo Ciise rumaysan ayaad sidaa oranaaya, wuxuu ku jawaabay waxaan aaminsanahay Ciise iyo Muxamedba in hal ilaah u soo wada waxyooday.
Waxaa kaloo laga codsaday in uu Buuggiisa ku daro Aayadahan Quraanka ah, wuuna oggolaaday oo waa la daabacay Waxaana ladhahaa; the human embrology with the verses of Koran!!!!! Akhristoow taas waxaa ka sii daran labo war bixin oo dhawaantan ay soo saareen laba hay’adood oo cilmi baaris ah oo Mareykan ah; midda hore waxaa soo saartay Jaamacadda weyn ee Harvard university researchers ool5, 000 oo dhallinyaro ah oo lagu soo koriyey caanaha Formula oysan hooyooyin kood nuujinin; in Boqolkiiba 22% ay ka buurnaadaan ilmaha kale ee hooyooyinkood nuujiyaan marka ay gaadhaan da’da 9 ilaa 14.
28 28 Washington post Wednesday, May 16, 2001
6 0

Sidoo kale warbixintu waxay ku sii dartay in inta badan ee ay carruurtu naaska hooyadood nuugaan in ay ka cayil yar yihiin ilmaha aan wax badan la jaqsiin naaska hooyadood. Isla Baaritaankaas oo kale waxaa ayaduna sameysay Mac-hadka qaranka ee caafimaadka Marey-kanka NIH kaddib markuu baaritaan ku sameyey 2,685 carruur yar yar oo da’ doodu u dhaxayso 3 ilaa 5 sano, waxay iyaguna heleen in naas nuujintu ay yareyso khatarta uu cunugu Buurni xad dhaaf ah ku buuran karo marka uu weynaado.
Warbixintu waxay intaas ku dartay ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku, u doodaayeen in Naas nuujinertu faa’ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey baaritaan-kaan danbe ku soo kordhisay xiiso hor leh faa’iidooyinka ilmuhu ka helayaan naas nuujinta oo aad iyo aad ugu yar dawladaha reer galbeedka ee aan u naqaan in ay horay u mareen hase ahaatee haadaanta ka sii shalwanaaya!!.
Sida ay sheegtay warbixintaasi boqolkiiba 29 % kaliya ayaa Mareykanka la nuujiyaa lix bilood oo ah inta ugu yar oo ay yiraahdeen Akadeemiyada Mareykanka, ee caafimaadka carruurta(
American Academy of pediatrics).
Buurnida aan ka hadleyno waa buurnida xad-dhaafka ah ee maanta noqotay cudur la iskala dagaalamo, maxaa-yeelay dadka aadka u buurani waxay halis u yihiin in ay ku dhac-aan cuduro halis ah sida Sokorowga, cudurada wadnaha, qalalka maskaxda iyo dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin dadka oo ku quudh sadahaatan waxaad is weydiineysaa maxaa haween ka Soomaaliyeed oo yaraantoodii, Sannad iyo ka sii badan la nuujiyey, ay u nuujin waayeen carruurtooda waa su’aal aan jawaab loo helayn.
Buurnida haween ka Soomaaliyeed badanaa waxay dhacdaa, guurka ka dib, waxayna ku timaadaa cayil iska ilaalin la’aanta :wixii la doono la ruugo taasinna waxaa kaa celin karaa majirto adiga oo iska ilaaliya mooyee Diet, laakiin midda aan ka soo hadlay waa mid ku imaaneysa, carruurta in laga ilaaliyo cayilitaanka naaska oo loo dhigo inta ay yaryar yihiin.
61

Sababaha ugu badan oo aysan hooyooyinka reer galbeedku carruurtooda u nuujinin waxa waaye ayagoo laga rabo in ay shaqo dhakhso ugu noqdaan: taas ooysan u saamixaynin goobta shaqadu inay ilmaha ku haystaan.
DIINTU MAXAAY KATIRI NAAS -NUUJINTA
Haatanna aann u soo noqdo waxa ay Diinteena sharafta lihi ka tiri naas nuujinta, wuxuu Rabbi quraankiisa ku faray in haweenku ay ilmahooda nuujiyaan labo sano wuxuuna Eebbe Wayne yiri:
Al-Baqara
(233) waalidaadka (Hooyooyinku)waxay nunjin Caruur-tooda, labo sano oo dhammaystiran Ciddii doonta inay taamyeesho nuugidda, kan wax loo dhalayna waxaa saaran cunnadooda iyo arradbaxooda si fiican lagumo dhibo naf, waxayna awoodin laguma dhibo Hooyo Ilmaheeda dartiis (lamana dhibo) aabbo ilmihiisa dartiis, kan wax dhaxlaya waxaa saaran taaso kale, hadday doonaan gudhin iyagoo raali ah iyo wadatashi dhib ma saarra korkooda, haddaad doontaan inaad ka nuujin dalabtaan Carruurtiina (haweenay kale)dhib korkiinna ma saarra , haddaad u dhiibtaan waxaad bixinaysaan si fiican ka dhawrsada:Eebbe,ogaadana in waxaad camal-falaysaan Eebbe arko.
Sidoo kale Nabi NNKH wuxuu celiyey haweeney uur leh oo uu xad ku waajibay in la dilo markay qiratay in ay sineysatay: Nabigana ay ka dalabtay in uu dhahiriyo oo xadka ka oofiyo, wuxuu ku yiri horta waa inaad dhashaa ilmaha uurkaaga ku jira ,markay dhashay ayey ula timid ayadoo wadata cunug; wuxuuna faray in ay labo sano soo
62

nuujiso oo marka ay naaska ka soo gooyso u soo noqoto, kaddib ayey sidii yeeshay oo labo sano kaddib ayadoo uu cunugii muufo gacanta ku haysto u keentay markaas ayuu Nabigu NNKH faray in xadka laga oofiyo, Sidaas muxuu nabigu u yeelay waa faa’idada uu naasku u leeyahay carruurta marka ay yar yihiin.
Runtii Kitaab-keena quraanka waxuu nagu hanuuninayaa wax kasta waxa ugu wanaag iyo toosnaan badan sida uu Eebe wayne yiri:
Al-Israa
(9)Quraankanna wuxuu ku hanuunin dadka arrinta u toosan, ugana bishaarayn kuwa fala wanaag inay mudan ajir weyn. Allaah wuxuu kaloo yiri asagoo noo sheegaaya wixii Asaga iyo quraankiisa ka soo haray in ay baadil yihiin iyo lumitaan:
Yunus
(32) Kaasi waa Ilaahiin, Eebbihiinna xaqa ah, maxaase xaqa ka dambeeya (ka duway) oon baadi ahayn, ee xaggee laydiin Leexin.29
Maanta waxaan la yaabaa dadka Muslimiinta ah ee iyagoo Rabbi siiyey Kitaabkaas Qayimka ah ee wax kasta isugu jira: shareeco, akhlaaq, siyaasad, dhaqaale, taariikh, Adaab, hanuun, Saynis, toosnaan, iftiin, nabad-galyo, is-ixtiraam, xaq dhowr, caddaalad, Nuur, iftiin, Aakhiro janno, adduun-kana aflax!!!! (Aan ku dhaqmin ama ka faa’iidaysan) Kitabkaas dhankii laga eegaba ah midka la xulanaayo oo Allaah noo soo dejiyey in aan ku dhaafsano fikrad bani’ aadam oo gaaban taas ayaa ah meel ka dhac iyo habaw iyo lumis run ah iyo Baadil aan wax ka danbeeyaa jirin!.
Siduu Rabbi yiri, Quraanka warkiisa mar danbe ayaan ogaan doonaa tolow ma marka ay Sanisyahaniintu noo sharxaanbaa sida DR.Keith Moore ama Harvard University,taas oo ayaduba fikrad naga maqan ah,mise waa mid ka sii daran oo ah marka aan dhimano oo nala soo bixiyo ayaan Quraanka warkiisa ogaan doonaa, inta aysan taasi dhicin yaynaan Quraanka wax kale ku doorsanin.
29 http://www.e-quran.com/language/somalian
63

Saad
(87) Waxyiguna waxaan waanada caalamka ahayn ma aha. (88) Dhab ahaanna waxaad u ogaan doontaan warkiisa muddo ka dib.30
QAYBTA-2aad
HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
Qaybta hore waxaan ku soo qaadanay labadii warbixi-nood, ee ku saabsanaa in ay hooyooyinku nuujiyaan carruurtooda in ka badan lix bilood , waa haddii ay ka fakarayaan Caafimaadkooda iyo caafimaadka carruur-tooda, waana warbixin aan ka soo bixin suuqa Yoobsan ee ka soo baxday suuqyada (Secular)ka ee( NIH) iyo Jaamcadda Harvard. Runtii Fadligu waa waxa uu cadow-gaagu, kuu qiro, Sharaxadda ugu fiicanina waa sharax-aada, uu macallinkaaga aad ku kalsoon tahay kuu sharxo, haddaba aniga oo la hadlaaya waxgaradka Soomaaliyeed ee daba nashleeya Macallimiin-tooda Reer galbeedka tanna wax ma ku qaadan weynay, xataa macallimiinteenii waxa ay nooga digayaan ma qaadan weynay ….
Bal tanna qabso nolosha Reer galbeedku waxay ku dhisan tahay caqli bani’aadam oo dantiisa wata, waxa ugu fiican ee Reer galbeedku ku fakaraan wuxuu ku salaysan yahay DIIN balse marnaba waa Diin lagu dhihi maayo, kutub ayaan ka soo qaadanayna lagu dhihim-aayo, Nabi baa wariyeyna lagu dhihimaayo, ee waxaa laguu meerin magacyo dad oo xikmad lagaaga dhigi.
30 http://www.e-quran.com/language/somalian
64

Bal u fiirso Abbayaasha xomimada, siyaasdda, dhaqaalaha, Akhlaaqda, suugaanta iwm, waxa ugu flican ay ku doodayaan Diin ayey ku saleysan tahay se magacii ninka ayaa lagu subeinayaa!. Wuxuu kaloo soo saaray (National Institute of Child Health and Human Development )ee Mareykanka in carruurta in ka badan soddon saacadood usbuucii joogta guryaha xan-naanada (DAY CARE) waqtiyada hore ee koritaankooda, ay la soo koraan in ay noqdaan kuwo dabeecad qalafsan
(Aggressive) wax maqlid la’aan (disobedient), cabsi (Fearful), Qalood( shy )Intaas oo kaliya ma ahee waxuu baaritaanku ku daray in ay dugsiyada ku yihiin carmurta wax baadda (bully) , wax disha xaasidka ku ah carruuraha kale. Warbixintani waxay wax yar il inooga fureysaa annagoo la yaaban waxaan ku sameyn laheyn carruurta
Dugsiyadda wax ku baadda ama ciyaalka xooga taas oo wararkoodu beryahan danbe ku batay dilitaanka ka dhaca dugsiyada (School killings). Sidoo kale (National center for health statistics) waxay ayaguna heleen in uu batay dhallitaanka carruurta aan Aabbaha laheyn (out-of-weddlock) wuxuuna gaaray 33% carruurtii dhalatay sannadkii 1999kii.
wuxuu celceliskii noqday in ku dhaw hal cunug labadiiba oo ay dhalaan haweenka da’doodu u dhaxeyso 20-24 ay yihiin ilmo aan aabbo laheyn sida uu sheegay machadkaasi NCHS32. Machadkaas oo darsa dhaqanka carruurta wuxuu baaritaan ku sameeyey 1300 carruur ah ilaa iyo haddana baaritaanku wuu socdaa , wuxuuna helay in carruurta waqti badan jooga xannaanada (Day care) ay yihiin kuwo ka cabsi badan kana qallood & khajil badan kuwa wax yar uun jooga (Day care) ama waalidkood guryaha ku haayo.
Wuxuu baaritaankii sii ku soo gabagabeeyey ruux jecel ma jiro in uu arrintan maqlo maxaa yeelay (Day care) ku wuxuu ka mid noqday
11 www.stopbullying.
12 www.cdc.gov/nchs/
65

waxyaabaha lagama maarmaanka u ah Waalidiinta shaqeeya khaasatan kuwa kelida ah, waalid rabaana ma jiro in uu ilmihiisa ku caawiyo xumi ay ku korayaan … Inkastoo ilmaha (Day carej ku koraa uu ka waxbarasho fiican yahay kuwa kale sida ay warbixintu sheegtay,: haddana waxay warbixintu ku soo gabagabeysay warkeedii… jeclaw ama ha jeclaanin waxaan abuureynaa ilmo.
Dugsiyada ku fiican ama ku jaan go’an balse aan ku fiic-neyn Bulshada dhexdeeda)I(l).
Haddaba Akhrisoow, ma fahamtay dhaqanka aan ku soo kornay ee ah in Hooyooyinku Ilmahooda ugu xaqbadan yihiin in ay la joogaan sanadaha ugu horeeya, muhiimadda uu leeyahay iyo sida uu dhaqanka reer galbeedku u kala daadsan yahay laga soo bilaabo nuujintooda ilaa korit-aankooda ugu horreeya iyo naxariisdardda ay ka soo qaad-nayaan guryaha (Day cares).
Taas oo ay haatan waxba ka qaban karin Reer galbeedku in ay saxaan khalad ay muddo u qeylinaayeen haweenka ha la xoreeyo!. Taas waxaa ka sii daran ayadoo hooyoda shaqeeyaa (working mother) aysan wax dhaqaale ah ku soo kordhineynin qoyska marka mushahar keeda laga jaro kharashka (Day care)! ayaa ayadiina ku dayacan tahayoo ay u adeegtaa nin ama (boss) quruxdeeda u hanqal taagaya, cunugeediina ay Saqiir-suujisay jaariyad Doolar u hanqal taageysa! . Goorma ayaanu fahmi doonaa Quraanka warkiisa ma marka ay noo sharxaan macallimiinta Reer galbeedku mise marka aan dhimano ee nala soo
i 33
saaro!
Saad
(88) Dhab ahaanna waxaad u ogaan doontaan warkiisa muddo ka dib.
(2) Marka aad oggaato sida aad carmurtaada u jeclaan lahayd ulana dhaqmi lahayd ayaad ogaanaysaa jacaylka, ay kaa mudan yihiin kuwa kale ee kuu baahan, oo buugu ku saabsanyahay.
33 Warbixintu waxay ku soo baxday Washington times. Friday April 27,2001
66

DIGNUNUIU
Ilmaha ha u bixin magacyadda xunxun ee quusta ama murugada ama maskax madhnaanta tilmaamaya, waayo carrabka binu’aadmigu waa shay maragfur ah.Waana til soomaalidu ka maah maahday oo tidhi Gurya samo, iyo lamma dege midba magaciisaa lagu degaa.
U bixi magacyadda toosan ee wanaagu ku dheehanyahay ogow inuu Rassuulku NNKH yidhi magaeyo wanaagsan la baxa! Asxaabtiina qaar uu magacyadii ka bedelay. Qaar kalena la hadheen magacyadoodii iska bedela la yidhi; jeer danbena ka qoomamoodeen!
0^ CP 0j CP JLfr C>i
Vj V » d\ ^lua- <0Jl ^5jL»j Jl£ Jll (-jAii
.« UiU Vj Vj Ijl-uu
V^ jjAJj Jjli Uu±^
• (b^ (Ltf (^4 i di
0 ^ •« » Jlij ^alc, fa,)jp .fLj AJc. 4>! J±. M
.CP

Adeega Badbaadada Carruurta
Markuu ilmuhu waayo qoys ama qaraabo buuxisa baahidiisa waxaa lagama maarmaan ah in bulshadda ku nool xaafadiisu ay xil iska saarto, badbaadada iyo dhaqaalaynta uu u baahanyahay waayo haddii aan la daryeelin waxaa imanaysa xilgudasho la’aan ku saabsan waajibaadkii oo laga soo bixi waayo. Badanaana carruurta, u baahan taageeradu waa:-
68

1 -ilmayaasha agoonta ah
2- ilmayaasha qoysaska danyarta ah ka dhashay
3- ilmayaasha dad qayrul masuuli dhaleen
Si haddaba loo daryeelo carruurtaa waxaa laggama maar-maan, ah tallabooyin in la qaado kuwaasoo ay hormuud u yihiin
• Dawladda
• Madaxda gobolada
• Madaxda degmooyinka
• Madaxdda tuulooyinka
• Madaxda xaafadaha
• Odayaasha bulshadda xoolodhaqatadda, beeralayda & kaluumaysatadda
• Culimaa’udiinka
• Ganacsatadda
• Cuqaasha
• Iwm
69

Malahayga waxaa loo baahanyahay in la urrauriyo loona sameeyo xarumo lagu xanaaneeyo waxna lagu baro tusaale wanaagsan waxaan u soo qaadan karnaa agoonta ku xerayasan meelo badan oo dad samofalayaal waxtar u gaystaan waxaanna leenahay hawl kamadaalooyin weli waa hogadii.Tusaale aan u soo qaadano:-
Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne (XAU)
Sida aad la wada socotaan hay’adda Al-Xarameyn waxaa laga xannibay dhaqaalihii ay mashaariicda samofalka ah ku bixin jirtay oo ay ka mid ahayd kafaalo qaadida agoonta, iyadoo waddamo badan oo adduunka ku yaala gaar ahaan dunida muslimka, gacan weyn kageysan jirtay xannaaneynta agoonta.
Wixii markaa ka dambee-yay: waxaa agoontaan soo wajahay xaalado aad u adag iyagoo waqtiyada qaar haystey kafaalo dhameystiran sida Jiif, Cunto, Waxbarasho iyo daryeel caafimaad.
Halka xilliyada qaarkoodna aysan intaa wada heli jirin, oo marar dhowr ah inta dhaqaale loo waayay la kala diray.Alle ayaa mahad ideylkeed iska leh kaddibna waxaa mahaddaas iska leh muslimiintii ka qeyb qaatay daryeelka agoontaan, jazaakumu Laahu kheyran walaalayaal
2- Waxbarashada Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne waxay u qeybsantaa 2 qeybood oo kala ah:- A- Qeybta Dugsi Qur’aanka Kariimka.
B- Qeybta wax barashada maadiga oo ah Dugsi Hoose/Dhexe.
A- Qeybta Dugsi Qur’aanka Kariimka
Qeybtani waa qeybta ay Agoontu ku barato xifdinta, qorista, Aqrinta Qur’aanka Kariimka iyo axaadiista Rasuulka (SCW) iyo qeybo kale oo faa’iido u leh.
70

B- Warbixinta Dugsiga H/Dhexe ee Xarunta A. U Dugsigani waa dugsi H/Dhexe, wuxuuna ka kooban yahay afar fasal, oo ay isku bed bedelaan, iyagoo ku barta maadooyinka hoos ku yaala:-Waxaa lagu baraa maadooyinka kala ah:
* Maaddada Carabiga.
* Af-soomaaliga.
* Sayniska.
* Taariikhda & Juqraafiga.
* Tarbiyada Diiniga.
* Xisaabta.
* Af-Ingiriisi *- I.W.M.
C- Warbixinta Jiifka Agoonta X. Ugaas Khaliif ee B / weyne(XAU)
Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne waxay leed-ahay qeyb jiif oo ka kooban 8 qol, oo afar ka midi ka baxsan yihiin xarunta gudaheeda, laakiin aan sidaa uga sii fogeyn oo ilaa 100 talaabo u jirta, taasoo ay ugu wacan tahay markii ay korortay laban laab tirada agoonta oo ay noqdeen 112 agoomood, halka ay markii hore ka ahaayeen 57.
Qol walba waxaa yaala sariiro uu u dhameystiran yahay firaashkooda, waxaana u dheer in sariir walba leedahay maro kaneeco, maadaama ay magaaladu leedahay kaneeco badan oo ka timaada webiga shabeellee oo mara magaa-ladda, sariirahaas ay agoontu ku jiiftaan waa kuwa isku dul saaran laba laba, sida ay u kala weyn yihiin ayaana loo kala sare mariyaa agoonta, tusaale qofkii waxoogaa roon waxaa la seexiya dusha sare, iyadoo kan yarna hoos la seexiyo.
71

Dhaqaalaha Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne
Mar haddii dhaqaale la jaangoynayo ama la rabo in laga hadlo waa lagama maarmaan in la ogaado tirada agoonta ee ku xareysan Xarunta Ugaas Khaliif ee B/weyne, tiradaas oo miisaan ama qiyaas u noqoneysa dhaqaalaha baxaya, haddaba xilligii ay hay’adda.Alxarameyn gacan-ta, ku hayn jirtay tirada agoontani waxay ahaayeen 50 agoomood. Kharashka ku bixi jiray bishii guud ahaan wuxuu ahaa kun iyo shanboqol dollar ($1500), taasoo ka turjumeysa in agoon kasta ay ku baxdo ama ku filan-tahay soddon dollar ($30), ayna ka dabooleyso waxyaa-baha soo socota:- A- Hoyga. B- Cuntada. C- Waxbarashada D-Caafimaadka. E- Arrad bax. F- I.W.M.
Maxaynu tusaalahan ka fahmi karnaa waa inaan baah-ideena daboolan karo iyo in ay mudantahay inaan agoonteena wax ka siino waxa aynnu faraha ku hayno Sidaa daraadeed waxaa looga fadhiyaa bulsho kasta inay isu xilqaanto carruurta walaalaheen ah ee waqtigu oof-wareenka ku yahay innagana imtixaanka inagu ah, Illaah hayna garansiiyo.Waxaan kaloo leeyahay ha la taageero xarumaha agoonta kuwa u baahan in la dhisana ha la dardargeliyo dhismahoda iyo wax u qabashadooda, Maadaama aynu carruurta dhibaatooyinkooda ka hadlay-nay waxaa mudan inaan ka sheekayno waxyaalaha ay lagama maarmaanka tahay inaan ka hadalo waana hooyada. Hooyaddu qiimo wayn bay ku fadhidaa mana mudna in hooyadda xaqeeda la duudsiyo ama looga garaabi waayo waayaha adag ee ku xeeran.
Hadal haan ma buuxshee hooyada iyo muhiimadeeda waxaa ku farayaraystay abwaanka qiimaha leh ee Soomaaliyeed waa max’ed Ibrahin warsame HADRAAWI Waxaan aad u filayaa in ay heestani mudantahay, in aad loo fahmo qiimaha ay ku fadhidana loo fiirsi lahaado, waxaanna taas uga jeedaa carruur badan in ay sabab u tahay dhibaatooyinka la soo dersaa hooyadood oo laga eryo ama lagga
72

kexeeyo. Waxaanna mudnaan leh heesta dhamaanteed u fiirso oo dhuux waatan heestii oo murti aan la miisaami karini ka buuxdee:
•S Hooyooy la’aantaa S Adduunyadu hubaashii S Hammi kama baxdeenoo S Iftiin lama heleenoo S Dadku uma hayaameen •S Dayax heego joogoo S Sida haad mafuuleen Xiddig hawd ka lulatoo •S Hawo laguma gaadheen
S Hubka laguma tureen Cirka hirarka muuqdoo S Ruuxaad hagaysiyo S Usha midaad u haysaa S Hilintoosan weligii S Ka habaabimaayee S Hooyooy addoomuhu S Halkay manta joogaan ^ Adigaw horseedee S Intaad hanad xanbaartee S Haaneedka siisee S Horaadada jaqsisee
S Habtay baan xisaab iyo Tiro lagu heleeyne S Marka aad nin hiiloo S Laga baqo hashiisiyo S Halyay hiran dhashaabaa ^ Hooyo lagu xassuustaa S Marka aad nin hooloo S Mard hagar kagelinoo
73

^ Gurigiisa habaqluhu S Iskusoo halleeyoo S Hayntiisa quudhoo S Hor Illaahay gaystiyo Lama hure dhashaabaa S Hooyo lagu xasuustaa
^ Marka aad nin himilada * Hilintoosan mariyoo S Hirmarkii la gaadhaba
^ Ku labaad hilaadshoo S Haga maatidiisoo S La hiigsade dhashaabaa S Hooyo lagu xassustaa ^ Marka aad nin hoogiyo Ka hortaga dagaalkoo
Dabka hura bakhtiiyoo, Garta hubin yaqaanoo ^ Xaqa hoos u eego S Halistiyo collaadaha ^ Ku hagoogta dhiigoo ^ Dadka kala hagaajiyoo S Kala hage dhashaa baa Hooyo laggu xassuustaa
S Markaad hoobal caanoo Sacabka iyo heeladda S Labadaba hagaajiyoo,
S Hindisa farshaxanoo Habdhaca iyo luuqdaba, ^ Rabbi hibo u siiyoo S Hawrarta maansadan
74

S Heensayn yaqaan iyo S Hal abuur dhashaabaa S Hooyo lagu xassustaa ¦S Dumar iyo haweenbaa S Nolol lagu hawaystaa •/ Kuwa lagu hamiyayee •S Sida hawd caleen wayn
S Rag u wada hamuumee Ishu halac-sanaysaa Hablahaaga weeyee S Marka guur lahaybeshee S Gabadha heega dheeroo S Hoobaan la moodoo S Karti iyo hubqaadloo,
S Quruxdana ka hodonoo
S Hufan laga aroostaa hooyo lagu xasuustaa ‘Z Hooyooy la’aantaa •S Higgaad lama barteenoo S Hooyo la’aantaa S Hadal lama kareenoo v’ Ruuxaanad habinoo Kolba aanad hees iyo S Hoobay ku sabinoo S Hawshaada waayaa Hanaqaadimeeyee ¦S Hoyooy taftaadaa S Dugsi laga helaayoo S Hooyooy dhabtaadaa S Hurdo lagu gam’aayoo
Hooyooy dushaadaa
75

^ Nabad laga helaayoo S Waxa lagu halmaalaa Hooyo ababintaatee S Hayin lagu badhaadhay, S Hogol lagu qaboobaay
S Gogol lama huraaneey, Dugsi lagu hirtaayeey, Hidde lagu arooraay S Intaad hooyo nooshahay S Hanbalyiyo salaan baan S Hanti kaaga dhigayaa S Hamrashiyo xaqdhawrbaan Dusha kaa huwinayaa;
S
S Hooyo dhimashadaaduna S Hoogayga weeyoo ^ Weligay hogaagaan S Ka dul heesayaayoo S Hiyiga iyo laabtaan Kugu haynayaayoo * Hengel baan u xidhayaa S Inta haadka duushiyo,
‘S Giddi habar dugaagee S Ifka hibo ku nooloow S Aakhiro halkii roon.34
34 Maxamed Ibraahin warsame (Hadrawi). Codkii Maxamad Saleebaan Tubeec, laxankii Cabdkikariim ( Jiir) Faarax Qaarey
7 6

QAYBTA LABAAD

‘S Waxaan dhashay anoo xora,
* Waxaan dhiman anoo xora ^ Waxaan dhashay anoo xora,
Waxaan dhiman anoo xora
* Waxaan dhashay anoo xora S Sida xaashida u cad
^ Cidna aan xarig ugu jirin
Waxaan dhashay anoo xora ^ Waxaan dhashay anoo xora
* Ka xariman xumuustoo ^ Malagyadda xisaabaha ‘S Xaalkayga loo diray
S Weli xarafna iga qorin S Xalan oo nadiif ka ah ^ adduunyadda xumaanteed ^ Waxaan dhashay anoo xora.
* Anoo xiisa lay qabo ^ Xareed soo da’aysiyo S Xariir layga jecelyahay
^ Ayaan xeelka hooyo soo gal ay, ^ xubna dheere waa wiil S Waa laba xiniinyood S Ayaa lagu xifaaltamay,
S Xabadaa kor loo riday ‘S Waxaan dhashay anoo xora.
^ Shinbiruhu xanaaqii S Xasilooni li’idii
78
ILMADA 1LMAHA
¦S Xaab xaabsadoo kece y Xag kaley u guureen y Xadka wayba dhaafeen S Anna kaba xanuun saday y Wixii xiiso layqabay S Xabbadaha la ii riday, y Xoolo laygu gawracay y Culimadu xadreeyeen y Xirsiyada la’ii xidhay, y Habluhu igu kor xoomeen y Marqudha xarragadii y Sheekadu xayirantoo y Xaalku meelo dheer galay y Xufxuf tiyo cayaartii iyo y Xiiso boodkii y Xaqiiqbaa ka daba timi y Haddaan xoor kar leeyahay;
y
y Cimrigaygu xaab xaab y Lixdan buu xagga u yahay y Weli aan weli aan xal loo helin y Waxay noqotay xaajadu y Ninkaan xerada soo galay y Ee xoolo aan wadan y Qayd lagu xanbaariyo, y Xabka biyo lagaga dhaqo y Xoogaa marya dhaxamaha y lagaga xidho xaggee looga keenaa y Anigoon xafidi karin
79

^ Xamxamtiyo sheekada S Dadku isla dhex xulayaan ‘S Misna waxaan xaqiiqsaday S Inaan xaalku fiicnayn,
S Xuj ana kow ay ii tahay ^ Sheekadu inoo xidhan,
S Sheekadu inoo xidhan35
Si aan u yarayno dhibaatooyinka carruurta waxaa laga-ma, marmaan noqonayasa inaan ku carnal fallo daraa-sadan, anigoo mahad uga celinaya intii isku dhabar jebisay ee is ku dubariday macluumaadkan oo ay ugu wayntahay36
Waalidka qiimaha lahow
Waalidnimadu waa arrin aan sahlaneyn: Maalmaha qaar-kood waa wax wanaagsan, xiiso leh, isla markaana farax ku dheehan yahay. Maalmaha qaarna ma sahlana mana hubtid inaad howshaada waalidnimo qabsan karto iyo in kale waalid noqoshadu ma aha wax xun.
Waalidnimadu waa howsha ugu muhiimsan ee aad weligaa qaban doonto waan ognahay in waalidnimadu ahaan karto hawl adag. Waxaan kaloo ognahay in carruurtaadu kugu weyn yihiin mar kasta sida aad dooneyso uma dhaqmaan
Haddana, marka aad barato sida wax loogu sheego waxaad moodaa in marka ay weynaadaan ay u baahan yihiin qaab cusub kaas oo ah
35 Cabdi Muxumud Amiin
36 University of Minnesota
80

mid dhib iyo farxadiba ay ku dheehan yihiin.Tarbiyeynta Wanaagsan:Hagaha Waalidku wuxuu ka hadlayaa arrimaha guud ee waalidka lasoo gudboonaada marka ilmuhu dhasho; ilaa inta uu ka gaarayo bilowga dugsiga hoose.Ujeedadeenu waa inaan kuu sheegnaa qaababka aad u xalin kartid arimahaas kula soo gudboonaada, inagoo isdcmaaleyna qaabka tarbiyeynta wanaagsan ee hagidda Akhlaaqda ilamaha.
Buuggaan waxaa ka buuxa fikrado aan ognahay run ahaantii inay shaqeeyaan hal arrin oo aanaan marnaba ku talin doonin waa dhirbaaxidda ilmaha.Waan ognahay waalidka badankiisu ma dhirbaaxaan ilmaha, balse mararka qaarkood waxaad moodaa inaan wax kale shaqeyneynin.
Run ahaantii, waxaa jira siyaabo kale oo ka wanaagsan oo ilmuhu u baran karo sida wax loo qabto ama u muujiyo akhlaaq wanaagsan; adigoo aan dhirbaaxin, waxaa muhiim ah inaad ogaato in uu jiro xiriir u dhexeeya, dhirbaaxada iyo caafimaadka ilmahaaga. Caruurta aan la dhirbaaxin waxay leeyihiin maskax fiican, isku kalsoonaan, iyo iyagoo aan aad isugu buuqin.
Caafimaadka wanaagsan waa waxa aan higsaneyno waxaa jira macluumaad badan oo aad ka heli karto bulshada iyo degmadaada, kaana caawin kara sidii aad u noqon lahayd waalid wanaagsan meelahaas waxaa ugu muhiimsan rugta caafimaadka qoyska.Marka aad waalid noqoto, waxaan rajeyneynaa in buugaan ku siiyo fikrado iyo talooyinka aad u baahan tahay, si aad u gudato waajibkaaga waalidnim
81

TARBIYADDU WAA BARASHO
Erayga discipline— tarbiyad= waa eray Laatiin ah macni-hiisuna yahay “band. Marka aad waalid tahay waxaad tahay bare/macallin qaabka a u tarbiyeyso ilmuhu wuxuu kaa caawinayaa inay bartaan akhlaaqda wanaag-san, halkan waxaa ku qoran saddex siyaalood oo wax loo tarbiyeeyo: Kalgaceylka ilmahaaga, halkaani waa meesha u baahan ina awooda saarto.Carruurtu waxay wax bartaan marka ay ogyihiin in la jecel yahay lana caawiyo. Halkan waxaa ku qoran fikrado: Jeclow ilmahaaga, wax kasta oo uu sameeyo, dhageyso ilmahaaga marka ay fiican yihiin u sheeg. Ka rajee ilmahaaga wanaag. Hubi in ilmahaagu b qabaan, muuqaal ahaan ama maskax ahaanba.
Wax san u horseed hagaajinta ilmahaaga.Carruurtu waxay kaaga baahan yihiin inaad barto sida loo dhaqmo, bar sida loo maamulo dareenkooda si ay mas’uuliyad u baran karaan waa in dhaqankooda aa shard u dejisaa Ilamahaagu wuxuu u baahan yahay inuu ogaado tarbiyaddu waxa ay tahay.Tarbiyaduna waa barasho waxayna carruurta ka caawisaa inay fahmaan waxa laga sugayo,
sida wanaagsan ee loo dhaqmo, iyo waxa ku dhacaya marka ay si xun u dhaqmaan. Waxa dhacaya haddii ay sharciga jebiyaan halkaan waxaa k qoran fikrado : –
Ka caawi ilmahaaga sida loo xalliyo khilaafaadka
– Tus sida wax loo sameeyo
– Ka daa wixii aysan qaban karin
– Bar sida la isu dejiyo
– U diyaari arrimaha adag
– Dheh “haa” marka aad awoodo iyo “maya” markii loo baahdo
– Fursad u sii inay saxaan wixii khaldan
Sixitaanka akhlaaqda ilmahaaga marka ilmahaagu si xun u dhaqmo, u jawaab qaab ka caawin kara sida wanaagsan ee loo dhaqmo hadda ka dib. Halkaan waxaa ku qoran fikrado: – Adigoo aan dilin, tus ciqaabta wixii qaldan ee ay sameeyaan
– Ka jooji wax loo oggolaa
– Ciqaab ahaan u sheeg in wax horey loogu oggolaa aan hada loo oggoleyn
– Haddii ay wax jebiyaan, u sheeg inay sameeyaan ama ay bixiyaan oo magdhabaan
– Isticmaal “waqti xaddidan” time out
82

Muxuu yahay macnaha “Ciqaab” ?!
Ciqaab waa waxa ka soo baxa marka qofku qalad sameeyo marka carruurtu si xun u dhaqmaan, waalidku waa inay jawaab ka bixiyaan. Jawaabtaas waa in ilmuhu ka bartaa waxa laga rajeynayo hadda ka dib. Haddii ilmuhu darbiga guriga qalin ama midab ku haleeyaan bar in laga sugaayo inuu nadiifiyo darbiga haddii ilmuhu bushkaleetiga ama baaskiilka bannaanka uga soo tago, hal maalin u diid inuu bushkaleetiga isticmaalo.
KORITAANKA IYO TARBIYADDA
Ilmuhu waxay dhashaan iyagoo diyaar u ah in wax la baro ayna koraan.Ilmuhu waxay wax ku bartaan dareemid. Badanaa wax kasta oo ka agdhow, afka ayey la aadaan.Ilmuhu waxay hadalka ku bartaan dhageysasho iyo iyagoo u jawaabo dadka gacanta ku haya Ilmuhu waa ooyaan marka ay doonayaan inay kuu sheegaan wax dhibaya. Ilmuhu waxay u baahan yihiin in la jeclaado, ay bed qabaan, ayna ammaan qabaan.
Sidee baan ku ogaan karaa marka aan ilmaha anshaxa bari karo?, mar kasta jeclow ilmahaaga. Xasuusnow, jeclaanta ilmuhu ma haleyn karto akhlaaqdiisa weligaa ilmaha ha dhirbaaxin ama haruxin, ka dhaqaaji meesha haddii ilmuhu uu sameynayey wax aan loogu talo galin inuu sameeyo. Waxyaalaha qatarta ah gee meel aan ilmuhu gaari karin Haddii ilmahaagu rabo wax aan loo oggoleyn, ugu bedel wax loo oggolyahay isku day inaad jadwal joogta ah sameysato maalintii markii aad daasho ama arimuhu kugu adkaadaan, isku day inaad biririf ama bareeg qaadato. Arrimaha guud ee waalidka Ilmaha yar (dhalasho illaa 9 bilood).
KALSOONI HELIDA WAALIDKA
Waqti ayey qaadaneysaa intaadan hawl yari dareemin adiga iyo ilmahaagu waad isbaraneysaan ilmuhu waa kala duwan yihiin waqti ayey qaadataa in waalidku ogaado baahida ilmaha wax cunidiisa hurdadiisa iyo inta uu u baahan yahay in la hayo. Ka dhig maalmahaaga sida ugu
83

sahlan isku day inaad si joogto ah ula hadasho saaxiib qof qoyskaaga mid ah ama qof weyn oo daneynaya.
.1
Haddii aad dareento in niyadaadu aad u hooseyso, la xiriir dhaqtarkaaga ama ciddii aad isleedahay way ku caawin kartaa waa maxay kalgacayl? Kalgacayl waa dareenka waalidka, iyo caruurtu i hayaan badanaa carruurta kalgacayl qoto dheer ayey leeyihiin waalidkood iyo dadka kale ee muhiimka u ah kuna xeeran waxay kora iyagoo kalsooni iyo jaceyl qaba.
MARKAILMUHU OOYAAN
Oohintu waa hab ilmuhu kuula hadlaan.Ilmuhu wuxuu ooyaa marka:U gaajeysan yahay Uu keli noqdo doona-yana, inaad ko ruqaado Uu doonayo in marada looga geliyo kaadida ama xaarka dhaayberka ama sawixii la mida laga bedelo“Dareen fiican oo waalidnimo ayaan lahaa markii aan ilmahayga hada dhashay Isbitaalka kula jiray, balse markii aan guriga imid kalsoonidii ayaa iga dhuntay.
Mararka qaarkood waxaad moodaa wax keliya ee ilmuhu sameeyo inay tahay oohin. Waxaan ka baqayaa haddaan mar kasta oo ay ilmuhu ooyaan aan kor u qaado inay ku tagaan ama qabatimaan.” mararka qaarkood markii ilmuhu aysan caadi dareemeyn (Xafaayaddu qabato, o uu xanuun, kulul yahay ama qabow yahay) Ilmahaaga ma haleyn kartid. Ilmuhu badanaa wax ayuu u ooyaayaa marka kor loo qaado isla markaana kor loo haayo.Wax badanse ilmaha kor uma hayn kartid. Ilmuhu wuxuu baranayaa inuu ku aamini karo isla markaana uu ku heli karo marka uu kuu baahan yahay ayaamo ka dib, waxaad baran doonta wax ilmaagu doonayo marka uu ooyo.
Markii ilmuhu iska ooyo oo haddana ooyo, isku day sidii aad u deganaan lahayd. Isku day inaad ilmahaaga geliso ama ku duuduubto buste aan adkeyn isla markaana aad kor u hayso adigoo isku soo dhoweynaya .
Dhowr daqiiqo, oo biririf ah qaado oo naso. Dhig ilmahaaga meel ammaan ah, sida sariirta carruurta oo kor ka furan kaddibna aad meel kale oo guriga ka mid ah oo aadan oohinta ilmaha maqli karin, ilaa aad xoogaa soo degto/xanaaqu kaa ba’o. Ku rid ilmaha gaariga carruurta k
84

dibna bananka u bax soona lugee Ilmahaaga ku rid gaarigaaga ka dibna meelahaas soo warwareeg . Isku day inaad “xambaarto” ilmahaaga ama aad ku qaado baabuurka ilmaha lagu qaado. Socodkaa ama garaaca wadnahaagu waa ku dejin karaa
TUSAALEYNTA WAALIDKA
Isku day inaad ilamaha gaarigiiisa aad ku ruxdo adigoo sijilicsan ugu heesaya.Wac saaxiib badanaa marka aad ogaato wax dhibka keenaya iyo waxa xalka u ah, oohintu waa istaageysaa.In kastoo ay ku hayso inaad ilmaha aad ruxdo ama aad dhirbaaxdo waa arin aan marnaba la aqbali Karin ruxitaanka ama dhirbaaxidda dhibaato weyn ayey u keeni kartaa ilmahaaga xataa dhimasho ayey keeni kartaa
Waa maxay calool xanuunku maxaanse ka sameeyaa?
Lama yaqaano waxa sababa calool xanuunka.Calool Xanuunku badanaa wuxuu bilaabmaa marka ay ilmuhu saddex asbuuc jiraan socona koraa ilaa ay saddex bilood gaaraan. Ilmahoo dhami waa ka koraan calool xanuunka Ilmaha qaba calool xanuunka kor ayey u ooyaan, maalin kasta isku waqti ayey ooyaan markii ilmahaagu sidaan u ooyaan isku day inaadan kululaan. Isku day wax ilmaha dejin kara (Bareeg) ama biririf qaado wac saaxiib, la xidhiidh dhaqtarka ilamahaaga ama cid kale oo ku caawin karta.
Waxaa jira marar ilmuhu aad u ooyo: markii uu ilmuhu aad waqti dheer u ooyo, waxaay iga dhigtaa qof xanaaqsan isla markaana isku buuqsan.”
ILMUHU MARNA HABEENKII OO DHAN MA SEEX-DAAN?
Inta badan ilmaha hadda dhasha habeenkii oo dhan ma hurdaan.
Ilmuhu inuu wax cuno in la hayo ama laga beddelo waxa uu ku jiro kaadi iwm ayuu rabaa. La qaado waqti deggan ilmaha hadda dhashay Ilmahaagu ma doonayaan inay nolosha kugu adkeeyaan.
Illmaha 3 bilood Jira:Caloosha ilmahaagu waa kortay markan ilmuhu uma baahna inay wax cunaan badanaa habeenkii. Arrintu si kastaba ha ahaatee, badanaa carmurta saddexda bilood jira waxay weli u baahan yihiin in ugu yaraan hal mar wax la siiyo. Si aad u caawiso in ilmuhu habeenkii oo dhan seexdaan:Hubi in ilmuhu ay intii ku filan maalintii
85

cunaan. Isku day inaad cunto fiican siiso intaadan habeenkii seexin. A ha isku mashquulin inta la hurdo habeenkii.Cunto sii ilmahaaga kana beddel marada loo xiro (Dhaayber ama xafaayad) haddii ay aad u qoy yahay.
Haddii aan ilmaha mushaari/boorash siiyo habeynkii si fiican ma u seexanayaa? Maya. Ilmaha badankoodu ma qaadan karaan mushaari/boorash ilaa ay ugu yaraan afar ilaa lix bilood gaaraan. Had aad ilmaha mushaari siiso hadda, calooshiisu ma qaadan karto, waana dhaafeysaa Inuu seexdana ka caawin meyso.Qof kasta wuxuu i weydiiyaa in ilmuhu habeynkii oo dhan seexdo.Waxaan is iraahdaa waxbaa qaldan markii aan dhaho maya.
Hurdo ku celinta ilmaha
Ilmaha dhabarka u seexi si aad u yareysan qatarta Dhimashada Ilmaha ee Degdegga ah (Sudden Infant Death Syndrome). Hubi inaad ilmaha ku seexisay joodari siman isla markaana le’eg sariirta ilmaha.Sariirta ilmaha ka bixi waxyaalaha caruurta lagu cayaarsiiyo.Isticmaal marada ilmaha la dhex geliyo intii aad isticmaali lahayd buste. Haddaad buste isticmaasho, ilmaha cagahiisa soo mari dhinnaca lugta sariirta. Buste qafiif ah huwi ilmaha adigoo ku simaya ilaa xabadkiisa, darafyada bustahana hoos geli joodariga.Ilmaha ha ku seexin joodariga biyuhu ku jiraan, kursiga, kursi sariireedka, barkinta ama waxyaalo kale oo jilicsan ee lagu seexdo.
6 Bilood Jirka:
Ilmaha qaarbaa habeynkii oo dhan seexda markay jiraan 6 bilood. Badanaa, ilmuhu waa ku kicinayaa si aad u hayso. Ilmaha qaar waxay u baahan yihiin inay wax cunaan. Hel wax ilmaha ka caawiya inuu iskiis hurdada dib ugu laabto.Waxyaalahan soo socda mid ka mid ah ayaad isku dayi kartaa.Garab istaag sariirta ilmaha oo dareensii inaad la joogto Inaad kor u qaado qasab ma aha.Si tartiib ah u salaax. La hadal ilmahaaga Codkaaga ayaa u sheegaya in wax kastaa caadi yihiin ayna tahay inuu seexdo.
TUSAALEYNTA WAALIDKA!!
8 6

Ilmaha qaab uu ku seexdo u samee.Qaabkaasi wuxuu noqon karaa inaad u qubeyso, aad sheeko u akhrido, aad nalka ka gaabiso, aad sariirta ku ruxdo ama u heesto.
Ka cabsashada qariibka
Marka ay 8 ilaa 9 bilood jiraan, ilmo badan ayaa raba inay ka agdhowaadaan dadka ay aadka u yaqaaniin keliya.Ogow ilmahaagu wuxuu doonyaa inuu la joogo dad uu isku aamini karo.Sii waqti ilmahaagu ku barto dadka ku cusub.Ha ku qasbin in qof ka cusub uu markaba barto, u oggolow inuu marar kala bedelan arko qofka ku cusub.
KORITAANKAIYO TARBIYEYNTA
Ilmaha waaweyn waxay noqdaan kuwo madax bannaan isla markaana barta adduunka ay ku nool yihiin. Waxay isku day aan inay wax ogaadaan, ordaan, fuulaan ama wax taabtaan.Waxaa laga yaabaa inay xanaaqaan marka aad wax ka celiso. Ilmuhu waa yaqaanaan waxa ay doonayaan, wayna kuu sheegaan aad ayey uga xumaadaan, marka aad fahmi weydo waxa ay kuu sheegayaan. Ilmuhu waxay markaa fiirshaan waxa dadku sameynayo ka dibna way isku dayaan.Waxay sameeyaan waxa ay kugu arkaan, reerka intiisa kale sameeyaan, waxay ku daydaan waxyaalaha ay ku arkaan telefishanka ama filimada.
Ilmaha da’dan ahi wax way gartaan, balse waxay kaaga baahan yihiin inaad caawiso marka ay wax garan waayaan oo aad ka ilaaliso waxyaalaha qatarta ah.Sidee ayaan cunugga u edbin karaa? Aad u jeclow cunuggaaga . U sheeg ilmahaaga in aad ku qanacsan tahay marka uu muujiyo anshax wanaagsan.Ilmaha roon:(9 bilood ilaa 21/2sano.Marna cunuggaaga ha dhirbaaxin ama ha ruxin ama ha guulguulin.Waxyaalaha qatarta ah dhig meel aan cunuggu gaari karin.Haddii ilmahaagu doonayo wax aan loo oggoleyn, ku qalqaali wax kale oo loo oggol yahay Isku day inaad jadwal joogto ah aad maalin walba leedahay oo ku saabsan ilmaha. Marka aad daalan tahay ama howshu kugu badato,
87

waqti ka qaado howlaha. Isweydii in ilmahaagu si xun u dhaqmayo ar uu isku dayayo inuu waxbarto.U dhaqan sida aad dooneyso in ilmahaagu u dhaqmaan.Haddaad ku qeyliso, isna waa kugu qeylin.
Si toosan oo qayaxan ugu sheeg waxa aad ilmahaaga ka rabto inuu sameeyo.Ogsoonow waxa ilmahaagu isku sameyn karo.
ILMAHA WAX KASTA QABSANAYA
Marka ilmahaagu 9 bilood gaaro, guriga ayuu iska dhex jogaa.Wuxuu kaaga baahan yahay inaad mar kasta la joogto.Waxaa laga yaabaa inaad ogaatay inuu wax isku dayeyo.Waa shaqada ilmaha roonroon ay doonayaan inay adduunkooda ku bartaan.Waa sidan sida ilmuhu wax ku bartaan. Hadda ilmahaygu waa socdaa, wax kastana gacanta ayuu la gelayaa.Sidee baan u baraa ineysan, wax taaban? Siyaalaha aad gurigaag’ amaan uga dhigi karto ilmahaaga waxaa ka mid ah: Waxyaalaha jabi karo ama aan amaanka ahayn, ka dheeree meelaha ilmahaagu gaaro. Dabool meelaha korontada godadkeeda ama fiilooyinkalageliyo. Ka xir ilmaha armaajooyinka iyo khaanadaha. Jid gooyo uga samee ilmaha jaranjarada iyo albaabada aan ammaanka ahayn marka aad ilmaha wax aan amaan ahayn aad ka qaado, ilmuhu waa kaa xumaanayaa isku day inaad siiso Boonbale ammaan ah oo ay ku iloobaan kii hore.
Maxaa ilmaha laga celinayaa?
Waa inaad hubisaa in meel kasta oo cunuggaagu uu aado ay ammaan tahay. Ilmuhu waxay isku dayayaan inay wax kasta ogaadaan waxa ay arkaan waa taabanayaan, cunayaan, ridayaan, haleynayaan, ama tijaabinayaan.Sidan ayaa cunuggu wax ku bartaa. Ka caawi inay wax kasta ogaadaan iyaga oo bed qaba adigoo ka dheereynaya waxyaalaha aan loogu talo galin inay gaaraan. Markii cunuggu sii koro u sheeg inuusan taaban waxyaalaha qaarkood.
Muxuu ilmahaygu telefishanka ka baranayaa? Badanaa caruurtu waxa ay telefishanka ku arkaan ayey ku daydaan haddii ilmahaagu si xun u dhaqmo, dhibku wuxuu noqon karaa barnaamijyada uu telefishanka ka fiirsado.Ogow barnaamijyada ilmahaagu fiirsado.Waxaa fiican inaad xaddido waqtiga ilmuhu telefishanka fiirsado. U hel wax kale oo ilmuhu’ qabto sida akhrin sawirid, ama uu banaanka ku cayaaro.
88

BARIDDA CUNUGGU INUUSAN WAX TAABAN
Intii aad gacanta ka dharbaaxi lahayd gacantiisa ka qaad meesha uu taabanayo kuna dheh “Maya.” Carruurta waa fahmaan waxa aan ammaanka ahayn marka aad dhowr jeer u sheegto. Ilmahaagu waa iska deynayaa makiinadda raashinka markii uu ogaado in “xaax” ay mecnaheedu tahay“kuleyl.”Inta uu ilmuhu wax baranayo: Ka qaad agagaarka makiinadda raashinka. U hel wax kale oo uu jecelyahay.U hel meel ammaan ah oo uu ku cayaaro inta aad jikada ku jirto.Sii wax kale sida baaquli caag ah, qaaddo alwaax ah ama boonbaleyaashiisa
Hadaad cunug leedahay wax badan ayaad maqashay su’aashan. Badanaa“Ma anaa sameeya” wax dhibaato ah ma leh inaad daahsan tahay mooyee ku dhiirigeli ilmahaaga marka ay doonayaan inay wax qabsadaan. Sii fursad ilmaha ay iyagu lebistaan, ay cadeydaan, ay kursiga fariistaan“Marka ilmahaygu isku dayo inuu taabto makiinadda raashinka oo kulul gacanta ayaan ka dhirbaaxaa si aan u fahamsiiyo inuusan taaban” Taasu waa khalad.
TUSAALEYNTA WAALIDKA
Gaariga inay iyagu fuulaan. Arintan waqti ayey qaadaneysaa, inta ay wax isku dayayaan, markay horey isaga degaan, horey ka bartaan taasina adiga waqti ayey kuu baajineysaa
TAB ABARKA XANAAQA
Ilmahaagu wuxuu baranayaa xanaaqa iyo isku wareeridda, Feedh ayuu duubtaa, indhaha isku qabqabtaa, isla markaana qayliyaa.Waxaa laga yaabaa inuu wax laado, dhulka isku dhufto, ama uu dhibaato geysto. Isku day inaad ka hortagto xanaaqa noocaan ah. Ka fogow inaad ilmahaaga meel u qaado marka uu baahan yahay ama daalan yahay. Haddii ay qasab kugu tahay inaad u qaado cunto fudud, buugaag, boonbalayaal uu jecel yahay, ama qalimaan iyo waraaq uu wax ku sawiro si uusan u caajisin ama u xanaaqin.
89

Maxay oohintu ugu badan tahay da’daanPIlmuhu ma fahmi karaan sababta aysan wax u taaban karin, u cuni karin, aysan u aadi karin meeshii ay rabaan. Ilmuhu badanaa kuuma sheegi karaan waxa ay rabaan.Taas ayaa ka xanaajisa marka ilmuhu gaajeysan yihiin, daalan yihiin, kulul yihiin, si xun u jiifaan, ama in la qaado rabaan, badanaa wa~ ooyaan.
Waxaan leeyahay ilmo 18-bilood jira, balse markii uu xanaaqo nafta ayuuiska gooyaa! Tskadaa ilmahaagu ha is waalee, mar haddii uusan dhibaato isku geysaneynin ama cid kale wax u geysaneynin.Fahamsii inaad ogtahay inuu xanaaqsan yahay Marka aad guriga joogto waxaa fiican in aad isdejiso, oo aad iska dhegatirto iswaali-taanka, ilmaha Marka aad joogto meel caam ah, isdeji ilmahana kexee Meel aan buuq lahayn taga, ilaa ilmuhu joojiyoiswaalitaanka.Caruurta qaar ayaan xanaaq jebi karin.Tartiib u qabo, si degan ula hadal, una sheeg inay caadi tahay
Meel kasta oo aad joogto, haddaad ilmaha tartiib ugu jawaabto, iswaalku waa dhamaadaa. Markii ilmuhu isku waalo meel caam ah, waxaa laga yaabaa inaad ilmaha siiso waxa uu rabo si uu qaylada u joojiyo. Markii waalidku saas yeelaan, caruurtu waxay baranayaan in haddii ay iswaalaan inay helayaan waxa ay rabaan. Ha u oggolaan in ilmahaagu qaylo wax ku helo. Haddii kale waxaa dhici doono qaylo badan aakhirka. Isku day inaad mashquuliso. Sida ugu wanaagsan ee loo hago ilmaha rabitaankooda waa adigoo meel kale ku mashquuliya. Haddii ilmahaagu rabo wax aan loo oggoleyn, sii wax kale oo uu ku cayaari karo. Haddii ilmuhu aadaan dhinaca jaranjarada, kor u soo qaad, isla markaana gee qol kale oo ammaan ah.
WUXUU U RABAA IN ISAGU TALIYO
Marka ilmuhu laba sano gaaraan, waxay bilaabaan inay iskood wax u sameeyaan.Fikradahaan ayaa kaa caawin karta in ilmuhu khibradiisa cusub isticmaalo isla markaana, kuu sahlo howl maalmeedkaaga. Sii fursad uu ku doorto waxa uu rabo markii aad awoodo. Weydii“Ma waxaad rabtaa inaad gaariga adeegga aad fuusho maanta mise waxaad rabtaa inaad lugeyso?”. Ha beddelin xeerar kaaga. Ilmuhu wuxuu baranayaa waxa laga sugayo tusaale ahaan, waa inuu ku fariistaa kursigiisa gaariga ma aha wax uu dooran karo.U oggolow inuu ilmuhu fuulo kursigiisa gaariga. Haddii uusan awoodin, weydii inuu caawimaad
90

u baahan yahay.U oggolow waqti saa’id ah oo ilmuhu wax isugu dayo, isagoo aan buuq kugu dhalineyn Isqabqabsi ka fogow. Ha ka rajeyn cunuggu inuu amarka qaato. Jahawareer ayey adiga iyo ilmahaba ku rideysaa.
Haddii aad mar kasta Ilmaha “maya” ku tiraahdo, isku day inaad mararka qaarkood “haa”tiraahdo. Haddii aan ilmuhu wax kaa maqleyn, isku day inaad ka fogaato meelaha aad isaga dhacdaan. Xasuusnow inaad ilmaha ku amaanto markii uu wax san sameeyo.Cunugeygu wuxuu u qabaa inuu yahay boqor isagoo labo sano jira.Waxa aan u sheego ma yeelo. Ma oggola inuu saarnaado gaariga dukaamada looga adeegto, waa ila dagaalaa; marka aan kursigiisa gaariga ku rido, mar kastana wuxuu yiraahdaa ‘Maya’!”.
QANIINYADA
Waa iska caado in ilmuhu wax qaniinaan, wax laadaan, ayna qaniinaan ilmaha kale. Ilmuhu waa xanaaqaan ama cadhoodaan.Mayaqaanaan erayo ay ugu sheegaan ilmaha kale inay xanaaqsan yihiin. Mararka qaarkood, Marka ilmaha ilkuhu u soo baxayaan, waa jecel yihiin inay wax qaniinaan. Fikradahan ayaa kaa caawinaya si aad uga hortagto qaniinyada.U tooghay waxyaalaha ilmaha ka xanaajiya
Beddel waxa ilmahaagu sameynayo inteysan xanaaqin oo aysan wax qaniinin. Ilmuhu waa xanaaqaan marka ay baahan yihiin ama daalan yihiin.Haddii tani dhacdo, isku day inaad bedesho jadwalka ilmaha,ama ka fogee ilmaha kale xilliyadan.Kala hadal fikradahan dadka kale ee xanaaneeya ilmahaaga .Haddii ilmahaagu wax qaniino, si cad ugu sheeg inuusan wax qaniinin Marnaba ilmaha ha qaniinin, hadduu ku qaniino. Haddaad qaniinto ma baranayo inuusan wax qaniinin.Qaniinyadu waa ka sii dareysaa. Markii ilmuhu wax qaniino, ka wad caruurta kale.Waa inaad u garowdaa, ilmaha la qaniinay taasi waxay ilmaha wax qaniinay tusaysaa inuu qaldan yahay, waxayna caruurta kale fahamsiineysaa in qaniinyadu wax xanuujiso“Waxa aan sameeyo ma garanayo. Maalin dhoweyd cunugeygu mid kale ayuu qaniiney.”
91

TABABARKA MUSQUSHA
Waad ku dhiiri gelin kartaa tababarka musqusha, balse ha ku deg de£ Badanaa waalidku waxay rabaan inay ilmaha baraan isticmaalka musqusha, intaan ilmuhu diyaar u noqon. Ilmahaagu waxaa laga yaabi inuu diyaar u yahay tababarka musqusha marka
uu kuu sheego in maradu ka qoyan tahay ama marada kaadidu halowdo.Uu kuu sheego inuu u baahan yahay musqusha
Carruurtu badanaa ma gartaan“inay u baahan yihiin” musqusha ilaa ay saddex sano gaaraan. Labo sano jir waa bilaabi karaa tababarka musqusha balse waxaa laga yaabaa inuusan si fiican u tababaran ilaa uu gaaro 3 1/2 sano ama ka weyn. Marna ha ku ciqaabin ama ha ku ceebeyn hadduu marada loo xiray uu qooyo, halleeyo ama surweelka iska haleeyo.Carruurta marka ay ilaa 2 sano jiraan waxay baran karaan isticmaalka musqusha Markii ay 3 1/2 sano gaaraan, dhamaantood ma| wada aha ee carruurtu iskuma kaadiyaan marka ay soo jeedaan Markii ay 5 sano gaaraan, dhamaantoodse ma wada aha ee iskuma kaadiyaan markii ay in yar seexdaan ama habeynkii oo dhan.Waxii faahfaahin ku saabsan tababarka, isticmaalka musqusha, kala xiriir dhaqtarka ilmahaaga, ama ciddii kale ee kaa caawin karta. Waxay ila tahay inaan ku dedaalo sidii aan ilmahayga u bari lahaa isticmaalka musqusha.”
WAX QEYBSIGA
Wax wada qaybsigu ma aha wax laba sano jirku fahmo Ilmahaagu ma garan doono wax wada qaybsiga ilaa uu saddex ama afar sano gaaro. Si kasta oo aad laba sano jir ugu deydo inuu wax qaybsi oggolaado, aad ayuu u diidayaa. Waxaadse yeeli kartaa ammaan ilmahaaga marka uu wax qeybsi sameeyo.Tus sida wax loo qeybsado, adigoo wax aad haysato wax ka siinaya. Markii carruurtu ay wada cayaarayaan, hubi in boonbalayaal caruurta ku filan ay yaalaan. Cunuggaagu wuxuu bara- nyaa in wax wada qeybsigu fiican yahay.
HAL WAALID DOORANAYA
Waa dhibaato marka ilmahaaga adiga keligaa aad kabaha u gelin karto, cunto siin karto, ama aad seexin karto. Carruur badan ayaa soo marta arrintan doorna bida hal waalid. Isku day inaadan arrinta wax weyn ka
92

dhigin. Haddii aadan la joogin, ilmahaagu waa baran doonaa in dad kale caawiyaan. Arrintan waxba yeysan kuu dhimin mar uun, ayaa ilmahaagu waxa uu u baahan yahay uu ula tagi doonaa dadka kale.
Waa ku daalay sidaan isugu dayayey in laba sano jirkeygu wax qeybsiga oggolaado “Ilmahaygu wuxuu jecelyahay hal waalid. Aniga mooyee in cid kale caawiso maba oggola”
WAX WASAKHEYN
Ilmuhu waxay u baahan yihiin fiiro joogto ah. Ilmuhu waxay rabaan inay wax taabtaan, afka geliyaan, arkaan ayna ogaadaan wax kasta.Sidaan ayey ilmuhu ku bartaan adduunka ku xeeran. Ilmuhu wax uma halleeyaan si ay kaaga xanaajiyaan.Waxay wax u haleeyaan iyagoo isku dayaya inay wax bartaan. Isku day inaad caruurta ka dheereyso waxa ay wax ku haleyn karaan.Gee ilmaha meel ammaan ah oo ay wax ku baran karaan. Ha iska indha tirin waxa ilmahaagu halleeyey.Tani waa fursad qaaliya oo aad ilmaha ku bari karto inay nadiifiyaan wixii ay halleeyeen. Ilmuhu ha ku caawiyaan marka aad nadiifineyso, wixii ay halleeyeen. La socoshada meesha cunuggu joogo.
Mar kasta waa muhiim inaad ogaato meesha cunuggaagu joogo iyo waxa uu sameynayo.Cunugga howshiisu waa inuu ogaado wax kasta.Taasi waxay noqon kartaa inuu wax halleeyo ama in wax ku dhacaan. Howshaadu waa inaad hubisaa inuu bed qabo. Fiiro joogto ah u lahow cunugaaga, wixii aadan Rabin inuusan taabana ka dheeree“Maalin dhoweyd cunugeyga 2 1/2 sano jirka ayaa shukulaato dareere ah ku halleeyey Roogga fadhiga oo dhan. Aad ayaan u xanaaqay wax aan sameeyana waa garan waayey!”
AAN FARII SANEYN
Ha ka sugin laba sano jir inuu fadhiyo. Macquul ma aha inay fadhiyaan.Fadhiga uma diidaan, umana qayliyaan, meelahana uma ordaan inay kaa xanaajiyaan. Laakiin, wax kasta inay ka sal gaaraan ayey rabaan, inay socdaan ayey rabaan, wayna jecelyihiin inay adiga iyo dadka kaleba la hadlaan.Waxaa jira marar aad dooneyso in ilmuhu fariistaan, ayna aamusaan.Waxaad isku dayi kartaa tijaabooyin kala duwan tusaale, u keen boonbaleyaal yar yar, buug sawireed ay ku cayaaraan. U keen wax ay cunaan balse aysan meel ku halleyn karin, sida buskudka, miro la
93

cuno, ama malmalaado. Mar kasta ka ag dhawow.Tus wax xiise geliya aad u bedesho hammigooda.
La cayaar cayaaraha ilmaha Mararka qaarkood, adiga iyo ilmahaagu waxaad tegi kartaan meel aan dadka kale idin qash-qashaadeyn.Haddii aad su’aal ka qabto korriin ka, ilmahaaga xilligan, kala tasho dhakhtar” ilmahaaga ama ciddii kale ee ku caawin karta “Muxuu cunuggayga labada sano jira uu u fadhiyi waayey una aamusnaan waayey!.
KORITAANKA IYO TARBIYEYNTA
Ilmaha aan iskuulka gaarini waxay u dhaqmaan sidii iyagoo koray.Isla markaana, waxay rabaan inay ahaadaan ilmahaaga hadda dhashay. Ilmahan aan iskuulka gaarini waxay ku adkeystaan inay iyagu wax qabsadaan, xataa haddii aysan aqoon sida loo qabto.Waxay isku dayaan inay tijaabiyaan sharciyada loo dejiyey, isla markaana ka murmaan sharciga aysan jeclayn. Ilmahaan wax badan ayey istusaan.Waxay ka cabsan karaan mugdiga, xaya-waanka, jinijiniga, iwm Waxay rabaan inay atoore meesha ka yihiin dadka kalena amar siiyaan. Si fiiro leh ayey kuu fiirsadaan Waxa aad sameyso ayey ka hor qaataan waxa aad u sheegto .Waxay mar walba rabaan inay ku qanciyaan Ilmaha aan iskuulka gaarin (1 /2 ilaa 5 sano) Sidee ugu wanaagsan oo ilmahaan u tarbiyen karaa? Aad u jecloow cunuggaaga.U sheeg cunuggaaga marka uu sida aad rabtay u dhaqmo. Ka fogee waxyaalaha qatarta ah cunuggaaga.Isku day inaad jadwal joogto ah leedahay maalin kasta. Isweydii: Cunuggu ma si xun ayuu u dhaqmayaa, mise wax ayuu isku dayayaa inuu barto?
U dhaqan sida aad dooneyso in cunuggaagu u dhaqmo Si toosan oo qayaxan ugu sheeg waxa aad cunuggaaga rabto inuu sameeyo.Ogsoonow waxa ilmahaagu sameyn karo.Waqti la qaado cunuggaaga, siiba marka uu cayaarayo taasoo u muuqata inay iyagu atoore yihiin. Qabo marka ilmahaagu wax fiican sameynayo, una sheeg inuu fiican yahay.Udiyaari cunuggaaga marxalado ka xanaajin kara Markii ilmuhu wax ku wareeraan, ka caawi inay waqti xaddidan(timeout) qaataan.U sharax sharciyada u deggan iyo waxa ku dhacaya haddii ay jebiyaan sharciyadaas.
94

Qawlkaaga ha bedelin oo ka dhabee waxa aad tiraahdo.Isu diyaari marxalado adag. Haddii ay noqoto inaad cunug dhib badan aad u kaxeyso dhaqtarka, dukaanka adeegga, ama meelaha kale oo uu si xun u dhaqmi karo, waxaad isku deyi kartaa. Intaadan bixin, la hadal ilmahaaga una sheeg sida aad dooneyso inuu u dhaqmo.Tusaale ahaan, u sheeg inaad ka rajeynayso inuu gaariga adeegga ku jiro, wax uu dukaanka ku arkayna weydiisan. Isku day inaadan ilmahaaga u kaxeyn meel aad ogtahay inuu ku daalayo ama ku gaajoonayo.
Sii qaado wax uu cuno iyo boon-balayaal.
Haddii ilmuhu si xun ugu dhaqmo dukaamada ama dhaqtarka, xasuusi
xeerarkii degganaa.Weydii sidii laga rabay inuu u dhaqmo.U sheeg ilmaha
inaad aad ugu hanweyn tahay marka uu si fiican u dhaqmo.
DAGAALKA XILLIGA HURD ADA
Waxa ugu fiican ee aad adiga iyo ilmahaaga aad u sameyn karto waa inaad sameysaa xili hurdo oo joogto ah.Go’aanso marka ilmahaagu seexanayo. Hawshaada bilow 30 daqiiqo ama saacad ka hor xilliga hurdada. Hawshaas waxaa ku jira u qubeyska ilmaha, cunto fudud siin, u cadeyid, iyo xilli sheeko. Xiligan kuma habboona legdan cayaareed. Isku day inaad jadwalkaas raacdo habeen kasta“Gurigeygu xilliga hurdada waa mid dhib badan. Marka aan ilmaha sariirta geeyo, aad ayaan u daalanahay wax kalena ma qaban karo.
Ilmahaagu mugdiga ma ka baqaa?
Kala hadal ilmahaaga cabsida. Cabsida run ayey ula muuqataa ilmahaaga: Marna ha ka maadaysan intaad wax baqdin leh uga sheekayso.Isticmaal nalka habeenkii ama nalka cabaar ha shidnaado.Caruurta qaar ayaa qaba inay amaan ku yihiin buste ama boonbalayaalka xayawaanka marka ay hurdaan.Haddii aad ilmaha ka caawiso cabsida mugdiga, cabsiyaha kale inuu barto ayey ka caawin kartaa. Hadaad isku dayeyso jadwalka xilliga hurdada marka ugu horeysayba ma dhaqan gelayee, rajee xoogaa tashuush ah.Marka aad seexo ilmuhu wuxuu ka soo bixi kartaa qolka.Ha ka yeelin dibna sariirta si tartiib ah ugu celi.Waxaa laga yaabaa in lagaaga baahan yahay inaad sidan dhowr jeer sameyso
95

Badanaa caruurtu waxay soo maraan marxalad ay mug-diga ka baqaan.Faham in cabsida ilmuhu ay run tahay kana caawi may ka gudbaan cabsida.Isticmaal nalka hurdada ama nalalka qololka dhexdooda ah iyagoo shidan ka tag.Caruurta qaar ayaa u baahan waq’ badan oo ay ku gam’aan.U ogolow in ilmuhu wax akhristaan ama la hadlaan boonbalayaalkooda.Ilmuhu waa inuu debecsanaan dareemaa uu u gam’o.Caruurtu waa ku kala duwan tahay arintan.Isku day inaad hesho wax ilmaha debcin kara.Ilmuhu tartiib ha u neefsado, Quraan si degan ha u akhristo, ama ha haysto boonbale uu weheshado.Badanaa hadaad ka goyso, jiifka galabtii ilmaha hurdo ayaa qabaneysa xilligii hurdada habee-nimo.
HAL WAX KELIYA CUNAYA
Marka aad leedahay ilmow raashinka kala doorta, xiliga cuntadu ma sahlana.Xilliga cuntada waqti fiican ka dhig Raashin kala duwan oo fiican ku day ilmahaaga Haddii ilmahaagu uusan jecleyn inuu raashin cusub isku dayo, in yar saxankiisa saar.Weydii inuu isku dayo hal ama laba jeer.Ha ku qasbin ilmaha inay saxankooda dhameeyaan.Caruurta qaarkood ma jecla raashin la isku daray.Waxaa laga yaabaa in ilmahaagu bariis iyo galey gooni loo kala guray uu cuni lahaa, laakiin uusan cuneyn haddii la isku daro.Caruurta qaarkood waxaa laga yaabaa inay dhahaan waan dheregsanahay markaad raashin siiso, balse ay rabaan inay cunaan macmacaanka.Isku day xeer oranaya waa inay marka hore raashinka cunaan intaysan macmacaan cunin.Ogsoonow, dhadhanku waa isbedelaa.Waxaa laga yaabaa in ilmuhu cuno wax uusan horey u cuni jirin.
JIKADA KAA CAAWINAYA
“Si kasta oo aan isugu dayo, ilmahayga afar sano jirka ahi ma cuno raashin kasta oo aan u keeno.Ma doonayo inaan laba cunto aan kariyo.Ilmahaagu woixuu marayaa da’ uu kaa caawin karo jikada U ogolow ilmahaaga inuu kaa caawiyo doorashada rashinka la karinayo.Ha kala doorteen raashinada wanaagsan ee kala duwan .Ilmuhu wax badan ayuu baranayaa, isla markaana aaminayaa, in waxa uu doortay ay
96

muhiim yihiin. Macmacaan sidee ah ayaa wanaagsan ? Soodhaha guriga lagu sameeyo oo lagu qasay cabitaanka la qaso iyo biyo aashito leh.
Meeshii aad nacnac ka siin lahayd, sii karooto, moos tufaax iyo canab.Meeshii aad bataatiga baceysan aad ka siin lahayd, sii buskud.Wax uu ku farxo, koob ugu qabooji cabitaan qasan (jilaato).Waxaa kaloo aad sameyn kartaa: Xaqiiqso inta aad u riday ama ilmuhu saxanka ku rito. Caruurtu uma baahna in le’eg raashinka dadka waaweyn.Dhadhanka ilmuhu waa ka duwan yahay dhadhankaaga.
Carruurtu ma jecla raashinka dhadhanka adag, sida basasha, basbaaska ama raashinka uusan midabkiisa garanayn ama wax uu ka sameysan yahay uusan aqoon.Waa iska caadi in caruurtu maalin gaajeysan yihiin, maalinta xigtana in yar cunaan Caruurtu waa ka calool yar yihiin dadka waaweyn Waxay cunaan raashin yar markiiba, laakiin waxay u Baahan yihiin inay dhowr jeer wax cunaan maalintii Ilmahaaga ka caawi inuu maalintii oo dhan cuno raashin caafimaad leh oo nadiif ah .Kala hadal dhaqtar in ilmuhu raashin ku filan cuno.
Wax haleynta xilliga cuntada.
Waad ka hortagi kartaa wax wasakheynta, xilliga cuntada. Dabool koobabka, weelka raashinka ilmaha, iyo baaquliga ama saxuunta. Kursiga raashinka ilmaha ayaa ku fiican qaabka fariisinta.
AWOOD SHEEGASHO
Waalidku si xanaaq leh ayey ugu jawaabaan ilmaha marka ilmuhu wax sameyn waayo. Marka aad xanaaqdo ilmuhuna waa xanaaqayaa.Marka aad ilmaha ka rabto inuu wax sameeyo, wax kale la dooransii.Xilliga hurdada, meeshii aad ka weydiin lahayd “Qubeys diyaar ma u tahay dheh “Waa xilligii hurdada.Ma waxaad rabtaa saabbuun mise biyo cad ? Erayo isticmaal marka aad ilmahaaga la hadleyso.Si qayaxan toosrta ugu sheeg waxa aad ka rabto in ilmuhu sameeyo.Meeshaad ka oran lahayd“Waxaan nadiifi,” dheh “Waxaan kaa rabaa inaad
97

boonbalayaashaada aad aruuriso kuna rido baakad-koodii.”
Mararka qaarkood waxaa fiican adigoo tusa intaad la hadli lahayd.Ilmaha waxaad dhowr jeer u sheegtay may fariisato waxna cun balse jikada ayey iska wareegey-saa.Hadalka jooji si degana saxankeed uga qaad miiska.Haddii ay tiraahdo, inaan cunaan rabaa, u sheeg inaad; raashinka u soo celin doonto marka ay kursigeeda ku fariisato diyaarn u tahay inay wax cunto.Badanaa kursigeeda ayey ku soo noqoneysaa waxaan dhahaa ‘Maya,’ Ilmahayguna wuxuu dhahaa ‘Haa’ Maxaan wa kasta isugu dagaalnaa?
Iska ilow waxyaalaha qaarkood ilmuhu sameeyo. Ha u jawaabin w kasta oo ilmuhu sameeyo. Mararka qaarkood ilmuhu wax kaa xanaaji ayuu sameeyaa si uu kuu soo jeediyo.Haddii aad iska dhegatirto, wax u badan tahay inuu joojiyo.Tamartaada u keydso arrimaha waaweyn.
Fahamka dareenka ilmahaaga
Markii ilmahaagu isku dhexyaaco, xanaaqo, ama muru-goodo, u sheeg inaad fahamsan tahay.Dheh “Waa arkaa inaad xanaaqsan tahay. Mararka qaarkood intaas keliya ayuu ku qancayaa kuna cadho baaba’yaa.Garashada dareenkiisa macnaheedu ma aha inaad “isdhiibtay” ama ogolatay dhaqankiisa
Maxay tahay waqti xaddidan (time out)
Waqti xaddidan waxaa loola jeedaa marka aad ilmaha ka wadayso arin faraha ka sii baxaysa oo uu ilmuhu anshax-xumo sameynayo.Waqtigii dhamaaday fursad ayey siineysaa, ilmaha iyo waalidka inay qaboobaan. Eeg qeybta“Waqtigii Xaddidan”iyo sida loo isticmaalo dhamaadka cil baadhistan
ISKU KAADINAYA
Carruurta badankeedu waa joojiyaan inay isku kaadiyaan habeenkii marka ay bilaabaan xannaanada ama in yar ka dib.Wiilasha in gabdhah ka badan ayey ku qaadataa. Haddii ilmuhu ka xun yahay isku kaadiyida u sheeg in marka ay weynaadaan ay joojin doonaan isku kaadiyida Wax weyn ha ka dhigin.Waxaadse sameyn kartaa: Ka fogow biyo ama cabitaan oo ha siin jiifka ka hor Isticmaal kastuumooyinka la
98

tuuro.Isticmaal joodari aan kaadidu gudbi karin. Ilmuhu ha soo kaadiyo marka uu seexanayo. Kaadi u kicinta ilmaha habeynkii waxay u keeni kartaa iskubuuq mana wanaagsana. Haddii aad uga welweleyso, la hadal dhaqtarka ilmaha.
CAB ANAYA
Caruurta qaarkood waa cabtaan marka ay wax rabaan, qaarna waa cabtaan marka ay daallan yihiin. Cabashadu waa si ilmuhu kuu soo jeediyo.Waxaad ka sameyn kartaa. Marka ilmahaagu bilaabo cabasho waayo wuxuu rabaa wax aan loo oggoleyn, gaaddada, saar una sheeg inay fiicnaan lahayd inuu helo, balse aan loo oggoleyn.Waxaa laga yaabaa inaad dhowr jeer aad ku celceliso. Haddii uu sii cataabo, ha xanaaqin meeshana ka tag.Waa muhiim inaan cataw, iscaburin, xanaaq, wax jajabin, ama anshax xumo waxba aan ilmuhu wax kaaga qaadin. Haddii ilmuhu sidaa waxa uu rabo uu ku helo, sidaa ayuu u dhaqmayaa, si xun ayeyna u dhaqmi doonaan balse mar ka, ilmuhu wanaagsan yahay oo sifiican u dhaqmayo adna waa inaad ammaantaa oo wuxuu rabo siisaa.U sheeg marka uu si wacan u dhaqmo.Ammaan markii uu wax fiican sameeyo si ilmuhu u fahmo waxa aad ka sugeyso, ama ka rajeynayso. Haddii aad su’aal ka qabto korriinka ilmahaaga xilligan kala tasho dhakhtarka ilmahaaga ama cidii kale ee ku caawin karta“Maxaan ka sameyn karaa shansano jirkayga ?Waa iska cabanayaa” !.
KORINTAIYO TARBIYEYNTA
Ilmaha iskuulka hoose waxay qabaan in adduunku iyaga ku kooban yahay. Inay helaan fiiro gaara muhiim ayey u tahay ilmaha da’daan. Saaxiibtinimadu aad ayey muhiim ugu tahay ilmaha dugsiga hoose.Waxay u baahan yihiin inay ilmaha kale la hadlaan, midba midka kale dareenkiisa fahmo, fahmaana macnaha saaxiibtinimada Waalidkuna muhiim ayuu u yahay. Ilmuhu inaad sharci u sameyso isla markaana ay iyana raacaan ayey ilmuhu kaaga baahan yihiin.
Waxay kaaga baahan yihiin inaad ka caawiso si ay wax cusub isugu dayaan, aad dhegaysato aadna tusto si wax loo xaliyo Maxaay tahay siyaabaha ugu wanaagsan ee lagu tarbiyeeyaa ilama iskuulka hoosePJeclow ilmahaa-ga, wax kasta oo uu sameeyo. Sameyso jadwal joogto ah.Tus waxasan.Si cad ugu sheeg ilmaha waxa aad ka sugeyso inuu sameeyo. Tus ilmaha inaad xiiseynayso waxa uu sameynayo. Isku
9 9

day inaad fahamto waxa ilmuhu kuu sheegayo. U sheekee si aad u fahamsiiso waxa aad rabto Iskuulka hoose (5 ilaa 9 sano). Diyaar u ahow inaad sharciyada beddesho ilmaha oo sii koraya awgeed. Isbedel ku samee haddii loo baahdo.
Ka qaad wax loo oggolaa hadduu akhlaaq xumo muujiyo. Markii ilmuhu waxa saxda ah sameeyo,sii wixii aad ka qaaday. Ka rajee ilmuh inuu sameeyo ama bixiyo wixii uu jebiyo. Ha isbedbedalin.Samee wixii! aad draahdo. Marka ilmuhu wax ku wareero, u sheeg inuu “waqti xaddidan” qaato. U sheeg ilmaha marka aadan ku qanacsanayn akhlaaqdiisa. U sheeg, sidoo kale, markii uu u dhaqmo sida aad rabto. Ku caawi ilmahaaga inay hagaajiyaan barashada higgaadda (xarfaha bilowga alfabeetada) si ay u gaaran Y-da (xarafka ugu danbeeya alfabeetada). Ma ogtahay in badanaa ilmaha iskuulka hoose ay u baa- hanyihiin, 10 saac oo hurdo ah habeyn kasta?. Carruurta aad u nasta waa faham fiican yihiin waxna baran ogyihiin.
MARKA ILMUHU SHARCIGA JEBIYAAN
Caruurtu waxay soo maraan marxalado ay tijaabiyaan sharciyada. Ilmahaagu wuxuu isleeyahay sharciyadii hore waxay noqdeen wax ciyaalnimo. Dib u eeg sharciyada iyo baahidooda.Eeg in sharciga weli shaqeyn karo iyo in ilmuhu ka weynaaday sharcigaas.Kala hadal ilmahaaga sababta sharciyada ay u jiraan.Haddaad go’aansato inaad beddesho sharciga, kala hadal ilmahaaga sida sharcigu isu beddelayo iy waxa dhacaya haddii la jebiyo. Markii ilmuhu shard jebiyo, ha iska dhega tirin. Jawaabtaadu ha barto muhiimada sharciga iyo sida uu si wanaagsan ugu dhaqmi karo aayaha dambe.
Maxan sameyn karaa marka ilmuhu sharciga jebiyo ?
Sharciyadu waa ina badbaadiyaan, ina tusaan sida loo dhaqmo, isla markaana inaga caawiyaa inaan dadka kale la dhaqano. Marka ilmuhu shard jebiyo, waa inaad ugu jawaabtaa qaab uu u fahmi karo, sababta x muhiim u tahay in sharciga la raaco.Waxay noqon kartaa ciqaabtu tusaale ahaan, waxaad sameysay shard oranaya telefishanka lama fiirsa karo ilaa laga shaqeeyo leyliyadii iskuulka .
100

Ilmahaagu wuxuu fiirsaday Fiidiyow intuusan leyligii ka shaqeyn.Ciqaabta uu helayo waa isagoo aan fiirsan karin telefishan hal maalin. Markii aad sidaa u sheegto hubi inaad sii raacdo“Ma fahmin. Ilmahaygu sharciga waa raaci jiray, balse hadda wuxuu u muuqdaa inuu doonayo inuu mid kasta jebiyo”
BEEN SHEEGID
Carruurtu been ayey sheegaan sababtoo ah waxay ka baqayaan in la ciqaabo, ama la ogaado waxa ay sameeyeen, markaa waxay doorbidaan inay been sheegan. Caruurtu waxay kaloo maraan marxalado ay badanaa been sheegaan.U sheeg ilmaha inaad ogtahay inay been sheegayaan. Marka aad ilmaha kala hadalyso beenta, ka fogow wax ku keeni kara inay been kuu sheegaan si ay u daboolaan beentii hore.
Hubi in dadka waaweyn ee ku nool guriga aysan been sheegin. Caruurtu badanaa waxa aad sameyso ayey kaa hor qaataan waxa aad u sheegto Haddii aad ilmaha si cad ugu sheegto in beentu xun tahay, ilmahaagu wuxuu baranayaa in beenta aan la aqbali karin. Ammaan ilmahaaga markii uu runta kuu sheego, baxar kasta ha ku jiree“Maalin dhoweyd gabadhaydu been ayey ka sheegtay lacag ay qaadatay, markii aan weydiiyey, waxay tiri shil ayey ahayd”.
DAGAALKA CARUURTA
Caruurta da’dan ahi waxaa ku adag inay walaalahood nabad ku wada joogaan.Waxaad rabtaa in ilmahaagu isku fiican yihiin.Waxaad rabtaa inay isku farxaan isna tixge-liyaan.Gurigaagu inuu nabad ahaado ayaad rabtaa. Dagaalku badanaa wuxuu ka bilaabmaa isku qabsasho shey ama boos.Si cad u qeex waxa la wada leeyahay iyo waxa gaarka loo leeyahay.Qofka gaarka wax u leh ayey u taal hadduu dadka kale la qaybsanayo iyo in kale. Isku day inaadan is garab dhigin caruurtaada. Ilmo kasta sidii qof gaar ah ula dhaqan. Mid kasta mar fiiro gaar ah u lahow.
Weydii ilmahaaga sida ugu wanaagsan ee ay isu tixgelin karaan. Arrintu si kastaba ha ahaatee, adigaa go’aansanaya, fikradaha macnaha
101

sameynaya.Qof kasta oo guriga jooga wuxuu u baahan yahay tixgalin iyo inuu ammaan qabo. Hagidda khilaafka ilmahaaga dhexdooda.
Waxay u badan yahay in ilmahaagu erayo xun xun ka soo barto iskuulka. Mararka qaarkood ilmuhu waxay bilaabaan isticmaalka erayad xun xun si loogu arko nin balaayo ah. U sheeg ilmahaaga in isticmaalka erayada xun xun aan laga oggoleyn guriga. Si cad ugu sheeg ilmahaaga in looga baahan yahay inuu raaco sharciga xataa marka uu iskuulka joogo. Ka fiirso erayada aad adigu isticmaasho.
Haddaad eray xun isticmaasho ilmuhu waa kaa baranayaa.Waligaa afka ilmaha ha ku dhaqin saabuun ama wax si xun u dhadhama (erayga xun ee uu yiri awgeed) eray fiican isticmaal.
Qasab waxaa jiray marar aad suulka dhagax ku dhufatay ama suulka dube isaga dhufatay.Wixii ugu horeeyey ee aad tiri ayaa, laga yaabaa inuu ahaa erayga afarta-xaraf Ba’ay
Carruurtaba waa ku dhacday. Bar ilmahaaga eray fiican oo uu isticmaalc sida Alxamdu Ullah. Waa ogahay ilmahaygu erayo xun xun ayuu iskuulka ka soo bartay. Ma doonayo inuu erayadaa guriga ku isticmaalo”
Waa sahlan tahay si aad u xanaaqdo, marka ilmuhu uusan ku tusin
tusaysaa tixgelinta akhlaaqda wanaagsan. Markii aad labadiinuba qabowdaan, u sheeg ilmaha erayada, ama sida uu kuula hadlay ee muujinaya tixgelin la’aan.
Dagaalka walaaluhu waa qaab ilmuhu ku bartaan sida loo xaliyo isqab-
aad is leedahay talo faraha ayey ka sii baxaysaa “Inaan timaha iska rifo ayaan joogaa maxaysan ilmahaygu u heshiin karin?.
ERAYADA XUN XUN
KULA MURMAYA
haddaad xanaaqday oo aad ku qaylisay ilmaha. Macnaha waxaad ilmaha
102

U sheeg ilmaha sida aad hadalka u aragtay.U sheeg ilmaha waxa aad ka sugeyso aayaha dambe waa caadi inaad ilmaha raali geliso.U sheeg ilmaha“Run ahaantii markii dhowayd aad ayaan u xanaaqay.Waan ka xumahay inaan si xun kuula hadlay tixgelin la’aan igama ahayn, labadeenuba ma saxneyn.
Tani waxay ilmaha bareysaa inay adiga iyo dadka kaleba raalli geliyaan noloshooda. Haddii aad su’aal ka qabto korriinka ilmahaaga xilligan, kala tasho dhakhtarka ilmahaaga ama eeg qeybta macluumaadka ee cilmi baadhistan“Gabadhaydu waa dhaaftay ‘ixtiraam’ Ma aqbalayo ilmo igu afceliya mar kasta” Waalidku badanaa ma dhirbaaxaan carruurtooda, Haddana dad badan ayaa mararka qaarkood dhirbaaxa ilmahooda waayo?. Sababta waalidku u dhirbaaxo waxaa ka mid ah“Dhirbaaxadu waa ii shaqeysaa”.
Dhirbaaxidu waxay soo jeedineysaa dareenka ilmahaaga waxayna joojineysaa wixii ilmuhu sameynayey markaas ayada ah. Dhirbaaxadu ilmaha ma barto waxa aad ka rajeynayso, ama sida loo dhaqmo aayaha dambe. Ilmaha ma barto inay si fiican u dhaqmaan marka aan waalidku joogin oo aysan ogeyn in sharciga la raacay, “Haddii ilmaha la dhirbaaxo, akhlaaqda ayaa ka lumeysa”
Dhirbaaxadu ilmaha kama celiso inaysan hallaabin. Carruurta hallaabay waxay barteen inay wixii ay rabaan ay ku heli karaan oohin iyo (Kiis) iska waalid.Waalidka carruurtooda halleeya waxay ilmaha u qabtaan wixii ay rabaan, meeshii ay carruurta ka bari lahaayeen sidii ay wax u qabsan lahaayeen.Sida ugu wanaagsan ee ilmaha looga ilaaliyo inaysan hallaabin waa adigoo jeclaada si wanaangsana u daryeela, sharci cadna u sameeya dhaqankooda.
Khasnadda Dareenkaaga
Uga feker waalidnimada sida khasnadda bangigaaga oo aad lacagtaada ku haysato.Wax kasta oo wanaagsan salaanta, ammaanida, khibrad barida, iyo mee marinta sharciyadu waa kayd lagu xareeyey Akoonkaas.Wixii xun ee aad sameyso ku qaylin, dhirbaaxid, ceebeyn waa wax aad kala baxday Akoonka.Waa inaad keydiisa in ka badan inta aad la baxeyso si aad xiriir wacan ula lahaato ilmahaaga“Dhirbaaxida
103

waa iska ilaaliyaa, balse waxaad moodaa wax kale ma shaqeeyaan.”Waalid badan ayaa qaba in dhirbaaxadu wanaagsan taha; mararka qaarkoodna loo baahan yahay.
Waalidku hal wax keliya ayey ka fekeraan marka ilmuhu si xun u dhaqmo: dhirbaaxo, waalidku waxay ilmaha dharbaaxaan markii ay xanaaqsan yihiin ama wareeraan.War fiican waxaa ah in ay jiraan siyaabo kale oo loogu jawaabi karo marka ilmuhu si xun u dhaqmaan.Waalidka waxyaabaha kale u isticmaala Inay edbiyaan ilmah badanaa waxay ogaadaan in waxyaabaha kale ka fiican yihiin dhirbaa- xida“Dhirbaaxadu waa qayb ka mid ah dhaqankeyga” .
Dhirbaaxada aad ayaa looga isticmaalaa dhaqamo badan Waa wax bulshooyin badani sameeyaan,dhaqan ay gooni u tahayna ma jiro“Waa la i dharbaaxi jiray si fiican ayaana u soo koray”.
Badanaa dadka la dharbaaxi jiray waxay u koraan si caadi ah. Arintu si kasta ha ahaatee, taasi uma dhicin dhirbaaxada awgeed. Macnaheeduse waa in waalidkood ay isticmaaleen, qaabab kale oo wanaagsan oo ay ku
ilmaha u horseedi karto dhibaatooyin ay ku jiraan islahadal, xaas dhibaateyn iyo isticmaalka kimikada.
MAXAA LA SAMEEYAA MARKA ILMAHAAGU KAA XANAAJIYO
Waalid kasta wuxuu ogyahay siduu u xanaaqo marka ilmuhu uusan si fiican u dhaqmin.Waxaad maskaxda ku haysaa, waxaa kaa xanaajinayaa waa waxa ilmuhu sameynayo, ee ilmahaaga ma aha. Dhirbaaxida iyo ciqaabaha kaleba ilmaha ma barayaan wax kale oo uu sameyn karo. Hubi in ilmahaagu samayn karo waxa aad ka rajeynayso inuu sameeyo. Run ahaantii kuligeen maalmo dhib badan ayaa ina soo mara. Mararka qaar-kood, waxaa na dhiba qaabka ilmuhu u dhaqmayo sababtoo ah run ahaantii qof ama wax kale ayaan u xanaaqsanyahay. Haddii taas mar kasta dhacdo, way fiican tahay inaad caawimaad ama taageero ka hesho cid gurigaaga ka baxsan.
104
r

Xanaaqa
I) Afar tilaabo oo lagu joojin karro xannaaqaagga. Jooji, naso oo xanaaq baaba’a sug ilaa aad cadho ba’do intaadan, tarbiyeyn ilmahaaga
,!) U kuur gal, dhageysana. Dhibku muxuu yahay? Maxaa sababay in ilmuhu si xun u dhaqmo?. Run ahaantii ma ogtahay in ilmuhu si xun u dhaq mayo?. Ma caadi baa sida ilmuhu u dhaqmayo marka loo eego da’diisa?
1) Ka feker, maxaad u maleynaysaa inay dhacaan?, tixgeli waxyaalaha aad sameyn karto. Maxaad rabtaa in ilmahaagu barto?
4) Ku dhaqaaq fuli, go’aankaaga.
Fikrado ku cadho baabi’in kara
Shaydaanka Naar, ama acuudu billayso.Tiri kow ilaa toban si tartiib ah. Ka feker tirada, ama wax kale oo kaa farxiya, intii aad ka fekeri lahayd ilmahaaga. Gali gacmaha jeebkaaga.Taasi waxay kaa caawineysaa inaadan ilmaha u dhaaran ama dhirbaaxin.Si wanaagsan u neefso, si tartiib ahna u sii daa. Iska dhig inaad qiiq ka sii deynayso jirkaaga. Ka tag meesha wax ka dhaceen.
Qol kale aad ama banann ku soo socsoco (tan yeel oo keliya haddii ilmahaaga guriga looga tagi karo keligiis ama haddii qof kale la joogo) Dhibaatada kala hadal xaaskaaga/ninkaaga, saaxiib, ama qof aad xigaalo tihiin.
105

ARRIMO LA XIRIIRA WAQTIXADDIDAN (Time out^
Dhammaad waxaa look jeedaa marka aad ilmaha ka wadayso; Arrin faraha ka sii baxaysa oo uu ilmuhu anshax-xumo sameynayo.Waqti xaddidan fursad ayey siineysaa ilmaha iyo waalidka inay qaboobaan.
Isku day inaadan waqti xaddidan mar kasta isticmaalin.Waqti xaddidan waa inaan loo isticmaalin ilmaha 3 sano ka yar Waalidku waa inay deggan yihiin, balse ku adkeystaan markii ay ilmaha dhahaan waqti xaddidan.
Maxay tahay waqti Xaddidan?.
Waqti xaddidan waxaa look jeedaa marka aad ilmaha ka wadayso arin faraha ka sii baxaysa oo uu ilmuhu anshax-xumo sameynayo.Waqti, xaddidan fursad ayuu siinayaa ilmaha iyo waalidka inay qaboobaan.
Sida loo isticmaalo waqti xaddidan
U hel meel fiican oo ilmuhu tagaan markii ay wax halleeyaan. Waa inaad ka fogaataan meeshii wax ka dhaceen ama meeshii akhlaaq xumada uu ku sameeyey. U sheeg ilmahaaga inuu Bareeg u baahan yahay.
U sheeg inaad uga baahan tahay inuu joogo meesha loo gartay ilaa uu ka dego ama diyaar u yahay inuu si wanaagsan u dhaqmo. Haddii ilmuhu isku dayo inuu meeshii ka tago intaan xilligii dhammaan, si tartiib ah ugu soo celi. U sheeg inuu goobtisii cayaarta ku soo noqon karo markii uu dego ama diyaar u yahay inuu si wanaagsan u dhaqmo. Markii ilmuhu dego, kala hadal sababtii uu ugu baahnaa in meesha laga wado iyo waxa aad ka rajeynayso hadda ka dib. Haddii ilmuhu ilmo kale waxyeelay waa inuu raali galin ka bixiyaa. Haddii uu wax tuuray, waa inuu soo qabtaa.Tani waxay ilmahaaga fursad u siineysaa inuu saxo anshax xumadiisa.Mar kasta ammaan ilmahaaga markii uu cadho baaba’o kuna soo laabto howshiisii dhibaato la’aan.

Fikrado kale:
Waalidka qaarkood waxay isticmaalaan saacad. Sii hal daqiiqo oo waqti xaddidan ah inta sano ee ilmahaagu jiro.Tusaale ahaan, haddii ilmahaagu 4 sano jiro, 4 daqiiqo ayuu joogayaa meesha ganaaxa. Markii ilmuhu sii koraan, isku day inay meesha ganaaxa ka tagaan markii ay diyaar yihiin.Taasi waxay ilmaha ka caawineysaa, inay ogaadaan markii ay cadho baaba’een waa iska caadi in ilmuhu buug akhristo ama xujooyin isku geegeeyo marka uu ku jiro meesha ganaaxa.
Sii boonbalayaal ama buugaag uu ku cadho baaba’o. Ku dhiiri geli ilmaha inuu iskiis u qaato waqti xaddidan markii uu u baahan yahay inuu dego ama uu u baahan yahay Bareeg Isticmaalka waqti xaddidan. Waqti xaddidan waxaa loo isticmaalaa in laga hortago anshax la’aan.
U sheeg ilmahaaga inuu waqti xaddidan qaato inta uu ka cadho baaba’yo si looga hortago arrinta oo faraha ka baxda.Waqti xaddidan waxaa kaloo loo isticmaali karaa marka ilmuhu muujiyo anshax la’aan, fursad lagu dego ayey cid walba siineysaa.Markii waqti-gii, dhammaado, waxaad xalin kartaa dhibka jira.
Cibaadada
Ilmaha waalidkii cibaadaystaa way ka fahmo badanyihiin, ilmaha aan waalidkood cibaadaysan. ilmuhu wuxuu barannayaa oo ku il-billaabyaa waxa wanaagsan ee ah akhlaaqda iyo qiyamka wanaagsan ee bashariga ah. Salaadda iyo masaajidka oo ilmaha loo kexeyaa waxay qayb wayn ka qaadataa tarbiyaddiisa oo hagaagta. Salaadda wuxuu ka barranayaa marka aad adigu tukatid. Bal u fiirso waxa uu samaynayo marka uu arko adigoo wayso qaadanaya ama tukanaya isaguna wuu samaynayaa. Ha tusin in aad sigaar cabto, ama jaad cunto. Oo ha samayn waayo isaguna wuxuu moodayaa wax caadi ah oo wuu samaynaya.Waxaa wanaagsan inaan ilmaha barro isbarbardhigga wanaagga iyo xumaanta:-
107
^ Goroyadu ilmaheeda ^ Arooti bay dhigtaayoo ^ Aboodigu ku laayaa!
^ Shinbirtuna aroosay ^ Ila-xidhoo amaana bay ^ Ubadkeeda seexisaa!
^ Kala awran labduye ^ Edebtiyo aqoontiyo ^ Asluubtay isku dhaafeen
^ Caqligii wanaagsani ^ Itaal inuu ka roon yahay ^ Bal eegoo ufiirsada

^ Ilka weynow maroodigu S Aradaduu mirtaabaa S Cadowguna ka ugaadhaa
S Aboorkuna dundumadaan S Aragnay buu dhistaayoo S Naftiisa ku ilaaliyaa S Kala awdan labaduye •S Edebtiyo aqoontiyo S Asluub bay isku dhaafeen; S Caqligii wanaagsani S Itaal inuu ka roon yahay ^ Bal eegoo u fiirsada! ;
^ Ma ogtihiin sakaaradu S Awaarahay qodaayoo S Saaladeeda ku aastaa S Libaaxuna ma asturee S Hilimadu ka arooruu S Siigadiisa ku aragnaa S Kala awdan labaduye S Edebtiyo aqoontiyo S Asluub bay isku dhaafeen ^ Caqligii wanaagsani S Itaal inuu ka roon yahay S Bal eegoo u fiirsad37
37 Erayadii abwaankiiXassan Sheekh Muumin. Codkii Fannaanaddaa Hibo Maxamad Huddoon
109

Garanay ilmaha aan dhalay maxaa haddaba innalla gudboon carruurteena iyo kuwa xaqa inagu leh inaan u samayno: Somaalidda qiimaha lehay: Waalidnimada, qaraabanimadda, qoys ahaanta iyo qaranimadu waa arrin aan sahlaneyn.Waa waxyaalo lays waydiin doono waa masuuliyad. Eebbe inna saaray inaan buuxinana layska rabo.Waa imtixaan la doonayo inaan gudubno ee aanay ahayn inaan ku dhacnaa. Waalidnimada, qaraaba-nimadda, qoys ahaanta iyo qarannimadu ma aha wax xun waana howsha ugu muhiimsan ee aan welligeen innaan qabano u qoolanahay. Arrimahan ku carnal fal:-
y Jeclow ilmaha agoonka ama rajayga ah ^ Ilmaha u baahan taageeradda u fidi gacan ^ dulqaad uyeelo xaaskaaga ama ninkaaga si aan ilmahaagu u guuldaraysan
^ Ka rajee ilmahaaga wanaag oo dhibkasta oo kula soo dersa ugu dulqaado iyga dartood.
^ Hubi in ilmahaagu bed qabaan – muuqaal ahaan ama maskax ahaanba
^ Wax san u horseed ilmahaaga oo ah inaad xaqa kuwa kuu baahani leeyihiin xil iska saarto
^ Ilmuhu waxay dhashaan iyagoo diyaar u ah in wax la baro ayna koraan sidaa daraadeed waxaa waajib ah inaad ka qayb qaadato koritaanka ilmahaaga iyo ilmaha kuu baahan ee xaqa kugu leh.
^ Ilmuhu waxay wax ku bartaan marka ay helaan kaalmadda waalidkood ama kuwa ay xaqa ku leeyihiin siyaan ^ Ilmaha dushooda ayaa ka markhaati ah waxa ay qabaan ee guul ama guuldaro ah.
110

Carruur badan oo darbiyo jiif ah ayaa halls ugu )iraan isticmaalka maadooriyaha oo ay dhibbaneyaal u noqdaan fal-dambiyeedyada. Wiilka ku jira dhexda wuxuu ,udayaa dhalo koollo ah.3
38 Majid Axmed Sabahi
111

Wiil ku dul fadhiya raso qashin ah oo taal Muqdisho.
Carruurta darbiyo-jiifka ah waxay inta badan seexdaan dhismayaasha burburay iyo luuqyada caasimadda.
Murti badan oo aynu leenahay kama faa’iidaysano oo maba dareeno in ay ka qoto dheertahay dhilifka oo la ruxmxo ama inyar oo qiiro ah gaar ahaan marka la qaado soomaaliyeey toos tooso isku tiirsadda. Haddii aynu dhegaysan lahayn murtidda ay soo bandhigaan hal- abuurka iyo fannaaniintu wax wayn baynu ka korodhsan lahayn. Ma dhuuxday heestan:-
Ku dedaala nabad!
Soomali u diida CEEB, Naftiina u diida CAY Dhulkeena dabeecadiisa, micnaha daadku u dhexqaado! Labada webi ee dareera, dalagga ciida u wanaagsan! Abuurkaa ku daadi wooyoo, khayraadkaa ka doono weeye
Siduu geelu hawd u daaqo, lo’duna u dinaahiyayso Markaad da’yarteena eegto, siday diiftu ugu taalo Labadu isdabooli waayoo, dunidu waynagula yaabtay Dadyaw dadyow, ku dedaalla nabad
Dhulkeena dabeecaddiisa, dabayshiyo cimiladdiisa Badwaynta dhan ee ku dayran, kalluunka dabbaallanaaya Dubaaxdu siday u taalo, siday macdantu u dingiigto
Siduu adhiggu u dareero, uggaadhaa is daawanaysa Markaad is dilkeena eegto, dadkeena xasuuqidiisa Labadu is dabooli waayoo, dunidu waynagula yaabtay! Dadyaw dadyow, ku dedaalla nabad Soomali u diida CEEB Naftiina u diida CAY!!39
39 Codkii Fannaanadda maryan mursal.
Cidda miraha iyo laxanka curisay iima sugna
112
QAYBTA SADEXAAD

Hal abuurka soomaaliyeed wuxuu leeyahay indheergaradnimo la’yab lch oo qoto dheer wax badana waxbay inna tusaaleyeen. Haddaba qaybtan waxaan ku daah-furaynaa heesta soo dhalo hooyo. Heestu waxay ka hadlaysaa ilmo diiday inuu soo dhaafo hooyaddii beerkeeda | iyo bogeeda waayo wuxuu ka warhelay inuu ku silci doono meesha loogu yeedhayo.Wuuna iska diiday inuu soo dhasho isagoo xujooyin soo ban dhigaya, umulisooyinkiina baryayaan inuu soo boxo maadaama meesha minka ah waqtigii uu ku jiri lahaa dhamaaday.
Sidaa daraadeed waxaa heestu ka run sheegaysaa dhibta carruurta iyo sidaynaan u dhaadin ee aan idiin dhaafo heesta: –
Ha dhibin hooyaddaa, Ha dhibin hooyadaa Ee soo dhallo
^ Meel dhalaanka lagu dilo S Ku dhalan mayo,
S Meelaan ciddi idhawrayn S Ku dhalan mayo S Soo dhallo hooyo,
S Soo dhallo hooyo
S Dhiigiyo collaadaha •S Ku dhalanmaayo,
Dagaaladda dhexdeena ah Ku dhalan mayo S Soo dhallo hooyo,
S Soo dhallo hooyo
S
S
Ku dhallanmaayo anigu Dhalanteed ku dhalan mayo
114

S Soo dhallo hooyo,
S Soo dhallo hooyo •/ Afrikaba dhamaanteed S Ku dhalanmaayo , y Dhibaa ii kordhaysoo S Ku dhallan maayo y Soo dhallo hooyo, y Soo dhallo hooyo
y Diintaan lagu dhaqmaynoo S Ku dhalanmaayo dhagartiyo y Waxyeeladaa ku dhalan mayo y Soo dhallo hooyo,
S Soo dhallo hooyo ¦/ Ku dhalanmaayo anigu y Dhalanteed ku dhalanmaayo •/ Soo dhallo hooyo, y Soo dhallo hooyo
Habeenkii wuuu dhaqaaqay,
Sedkaagiina wuu dhammaaday, y Dhexdeediyo feedhaheeda , y Haddad soo dhaafiwaydo y Culayskaagaa dhibaayoo, y Dhimasho kama baaqsanaysee y Dhammow waxaa nala wanaagsan y Inay dhakhso kalla timaadee y Hadhibin hooyadda, y hadhinin hooyaddaa ee soo dhallo.
40 Codkii Maxamad Lafoole iyo Xabiiba Xasan Tooxow. Erayadii Cabdi Qays
115 _______

Ka ilaalinta carruurta shaqooyinka cuius Carruurta shaqaysa
Daryeelka bulshadu wuxuu caawimi kara hoosna u dhigi karaa waxyeelada carruurta lagu shaqaysto soo gaadha sidaa waxaa yidhi Constance Thomas, oo ah agaasimaha mashruuca la dagaalanka carruurta lagu shaqaysto ee urrurka shaqaalaha adduunka. faallo | 30 Abril 2013. Ku dhowaad 215 Milyan oo carruur ah adduunka oo dhan ayaa lagu shaqaystaa, inta badana shaqooyinkaasi waa kuwo dhibaato ah, carruurtana ku cuius ama khatar ah oo dhibaato ku ah. caafimaadkooda, mustaqbalkooda iyo horuumarka noloshooda. Carruurtu meelkasta ha jogeene waa inay helaan xaquuqda carruurnimo ee ah inay ciyaaraan, Iskuul waxbarasho u aadaan oo ka dhabeeyaan riyadooda ah mustaqbal wanaagsan oo cad.
Haseyeeshee is-hortaaga carruurta oo lagu shaqaystaa waa hawl adag oo wejiyo badan leh. Maxaa wacay qoysas badani waxay carruurtooda u diraan inay soo shaqeeyaan maaha in caruurtu rabto shaqada ee waa inay si khasab ah ku aadaan.Waxaa dhicikarta in ay arintaa, khasbayso dhaqaalaha qoysaska oo liita, hayntooda oo yar, waxa ay u baahanyihiin oo aanay heli karin si ay isaga bixiyaan biilsha iyo masariifta, iskuuladda lacagaha laga rabo haddii aanay ka shaqaysiin carruurta.
Mararka qaarkood qoysaskaa baylahda ahi waxay helaan qorsheyaal lagu ilaalinayo in aanay bartilmaameed u noqon faqriga.Waxaase aad u yar qorshayaasha si gaara loogu bartilmaamaysanayo yaraynta carruurta lagu shaqaysanayo ee lagu khasbayo wax aanay qaban Karin. Laakiin urur waynaha shaqaalaha adduunku ILO cilmi baadhis uu sameeyay wuxuu ku ogaaday in ay leedahay cawaaqib xumo daran. Balse ilaalinta bulshada mashaariicda la xirriirtaa sida badan waxay caawiyaan qoysaska carruurtana waxay siiyaan fursad ay iskuul ku aadaan shaqadana kaga maar-maan.

Markhaati furkan waxaa lagu muujiyay warbixintii shaqada carruurta. Baylahda dhaqaalaha, xafiddida ammuuraha bulshadda iyo la dagaalanka ka shaqaysiinta carruurta ee daraasaddan cusub ee ururwaynaha shaqaalaha adduunka ILO. Warbixintu waxay xooga saartay si qiimayn cilmiyaysan ah mashaariicda ilaalinta bulshadda ee waddamo tiro u saaxiib ah iyadoo dhan walba laga eegay shaqaalay- siinta carruurta.
Shaqadda carruurta: xaqiiqda iyo jaantusyadda41
215 milyan oo carruur ahi waxay ka qayb qaataan ka shaqaysiinta carruurtar. Jaantusyadani waxay ka yimaadeen, warbixintii ugu danbaysay warbixinaha addun waynaha ee (2010). Jaantusyadda cusubna waxaa la rajaynayaa, inay soo baxaan September 2013:42 115 milyan waxay ka qayb qaataan waxyaalaha ugu xunxun ee ku wajahan ka shaqaysiinta carruurta oo ay ka mid yihiin ficilada addoonsigu, dayn u haysasho ama waxa loo yaqaan rahmad, ka dhillaysi, u isticmaalka shaqooyin ka, sharciga ka reeban iyo shaqooyinka u xun caafimaad ka, badbaadada, ama niyadda carruurta. 15.5 milyan oo carruur ahina waxay ka qaybqaataan shaqooyinka gudaha jaariyadnimadda. Badida ku shaqaysiga carruurtu.Waxay ka socotaa shaqooyinka beeraha (60% boqolkiiba).Shantii carruur ah ee lagu shaqaystaba waxaa wax la siiyaa mid keliya.Guud ahaan inta u badan wax lama siiyo mush- qaayadaha waxayna u shaqeeyaan reerkooda.
Cilmi baadhistu waxay ogaatay inay si wayn u jirto hoos u dhac ku saabsan carruurta laga shaqaysiiyo meelaha ay shaqooyinka lacagta gacanta layska siiyaa ka hanaqaadaan. In shaqooyinkaa dartood qoysaska la siiyo lacag billey ah oo shardi looga dhigayo in carruurtoodu iskuulada aadaan. Mashruuc laga sameeyay Brazilian oo lagu magacaabo, Bo Isa Familia, wuxuu ciyaaray door sharaf leh oo
41 Ururka shaqaalaha aduunka
42 Turjumadii Xassan Maxamuud Dhiilood
117

wuxuu hoos u dhigay carruurta lagu shaqaysto miyiga iyo magaaladaba.
Warbixintu waxay kaloo ogaatay in uu jiro xiriir adag oo ka dhexeeya arggagaxa caafimaad iyo carruurta lagu shaqaysto marka xubinta qoyska quudisaa hawlgab noqoto taasoo ah xanuun la soo dersay ama dhaawac soo gaadhay waa in xubin kale damaanad qaadaa xubintaa waxyeeloowday waxayna isku haleeyaan ka shaqaysiinta carruurta si ay u khafiifiyaan dhaawaca dhaqaale ee ku yimi qoyska Waddamada Togo iyo Zambia, tusaale ahaan, waxaa jira xadi badan oo sare u kac ah oo ah ka shaqaysiinta carruurta marka xubinta qoysku xanuunsato ama dhimato. Zambia, korodhku waa boqolkiiba sagaal Waxay kaloo marag furku tilmaamaysaa hoos u dhac iskuul joogida ah, ee xal dhexdhexaad nimadda odoroska mustaqbalka carruurta, isku xidhnaanta ka dhexaysa caafimaadka carruurta lagu shaqaysto waxay muujinaysaa, suurta galnimadda cidhib danbeed aan wanaagsanay ee fayaqabka bulshadda abid. Daraasad laga sameeyay waddanka. Guatemala waxay muujinaysaa in carruurta guri ku wada nool in ugu yaraan hal midu ka haysto damaanad caafimaad taasoo u muuqata, inaysan, shaqaynayn.
Damaanad qaadka wax soosaarka dadka gaboobay damaanad qaad buuxa, lacagta hawl gabka ah ee laysku hallayn karo waxay cadaynayaan cidhib danbeed sax ah oo carruurta lagu daryeeli karo ama facyadda badan ee guri ku wada nool. Inta u dhexaysa 50-60% boqolkiiba ee agoonta Botswana, Malawi, Namibia, South Africa Tanzania iyo Zimbabwe waxay la noolyihiin waalidiintood waalidkood. Warbixinadda South Africa iyo Brazil waxay ina tusayaan in lacagta hawl gabka oo la helaa ay caawiso oo fududayso in lagu shaqaysto carruurta ama laga shaqysiiyo waxay kaloo hagaajisaa dhiiri gelinta iskuul dhigashada. Mashaariicda shaqada ee dadwaynuhu, helo ee loo fidiyaa waxay yaraysaa oo faa’iido u noqotaa yaraynta ku shaqaysiga iyo ka shaqysiinta carruurta arrintan
118

waxaa lagu arkay,waddamada Ethiopia & India.
Soo bandhigida markhaatiyadan, waxaa ku cad in cabiradda daryeelka bulshadu uu yahay qayb muhiim u ah guud ahaan siyaasadaha loogu falcelinayo ka shaqaysiinta, carruurta, oo ay weheliso waxbarashadu shaqooyinka dadka caadiga ah ee shaqayn kara iyo sharciyada, oo la dhaqan geliyaa waxay caawin karaan “tip the balance” marka xubintu go’aansato in ilmuhu,shaqo aado/tago iyo inuu iskuul aado. Waxayna ugu waxtar badanyihiin marka mashaariicda daryeelka bulshada la jaangooyo, oo kuwa siyaasadda hagaa ay tixgeliyaan sida ugu cidhib danbeedka fiican ee carruurta loo hagaajin karo badin, (policy makers need to consider how the positive impact on children can be maximised.)
waxay ILO dhowaantan ogolaatay soojeedinta ah aasaaska, daryeelka bulshadda oo odhanaya sidan:
(Recommendation on Social Protection Floors)43, taasoo dhiirigelinaysa lagama maarnimadda iyo xaqiijinta sal u dhigidda wax- soo-saarka sugan ee ku taxaluqa nolosha sidaasoo kalena helidda daryeelka caafimaad ee lagama maarmaanka ah. Waxaa keliyoo shaqaalaha adduunka ee waqtiga shaqada awooda lagu qiyaasay in ay dhanyihiin boqolkiiba 20% kuwaasoo heli kara wax ku filan oo ah daryeel bulsho, waxaana muhiim ah in horuumarka la sameeyey uu sabab u yahay gaadhidda mashaariicdaa khuseeya dhamaan qoysaska adduunka. Samaynata arimahanina waxay carmur badan ka bad- baadinayaan, cadaabka iyo shaqooyinkaa cuius ee: carruurta, lagu, shaqaysto.
43 Ilo-Intemational Labour Organisation
119

Amuurahan ku saabsan sidee loo sii horuumarin karaa daryeelka bulshadda loona soo afjari karaa carruurta lagu shaqaysto wuxuu ka mid noqonayaa hawlaha badan ee lagaga wadda xaajoon doono shirwaynaha saddexaad ee carruurta lagu Shaqaysto
(Third Global Conference on ChildLabour)oo lagu qaban doono Brazil bisha October 2013 Shirkan waxaa la rajaynayaa in ka badan1000 ka qaybgale ay dib u eegid ku samayn doonaan horuumarka laga gaadhay cidhib tirka hababka ugu xun ee ku shaqaysiga,carruurta marka la gaadho, 2016 inkasta oo ay soo dhawdahay.
Qaybtani waxay ku bilaabanaysaa xagga dhibaatooyinka ee ka shaqaysiinta carruurta markaynu ogaanay warbixinta, urur waynaha shaqaalaha adduunka ILO.Halhays qof aan aqaanay wuxuu ahaa MAXAA KUU BAXAY haddaba nin iiga sheekeeyay sheekadiisii koriimada wuxuu yidhi:
waxaan ahaa rajay oo hooyaday waxay dhimatay anigoo laba jir ah. Markii haddaba hooyadday dhimatay waxaa i kaxaysay ayeeyaday hooyo oo aan la noolaa ilaa shanjirkaygii. Ayeeyaday dad waxay lahayd hooyadday iyo habaryartay waxayna ii korisay si wanaagsan. Markii aan shan jir ahaa ayaa aabbahay isoo kaxaystay wuxuuna ii keenay aayadday, oo uu markaa guursaday wuxuu kaloo keenay 3 walaalahay ah oo uu hooyadood furay. Afartayadaa camura ayuu isugu kaayo keenay gurigii aayaday (eedaday). Aayaday waxay ahayd qof wanaagsan si fiican ayayna noola dhaqmi jirtay aabbahayna waa na ilaalin jiray. Anigoo gaajoonaya weligay wax iima diran way i dhergin jirtay run ahaantii. Marmar ayaanu ka xadi jiray guriga wax yaabo ay dhigato sida muqmadda, subagga iyo sonkorta waxba nama odhan jirin oo nama ciqaabi jirin.
Haddaba markii aan sagaal jirsaday oo hawd aanu naal dayr barwaaqo ahna ay tahay oo aan halo dhalay illaaliyo ayaa degmada waxaa yimi nin

ciidanka Booliska ka tirsanaa nin kasi wuxuu sitay Raadiyo kaas oo dadka waqtigaa ku cusbaa dadka degmaduna waxay ku soo uruuri jireen meesha uu joogo iyagoo la yaaban birahaa hadlaya.
Muddo markuu joogay ayuu u kacay Laas-Caanood wuxuunna watay awro u rarran, dad qoyskiisa ahina way la socdeen. Anoo hallihii la joogay isoo agmareen dabadeedna waan daba galay oo waxaa igu soo dhacday meesha biraha hadlayaa yaallaan aad. Wax aan daba joogo markay soo gaadheen meel Gaal- kudhal la yidhaahdo ayaan is tusay waayo meeshaa igama celin karin oo waan ka soo fogaanney degmadii. Markii aan soo gaadhnay Laascaanood waxaan la kulmay qof dumar ah oo reerkayaga ahayd oo baayacmushtari ahayd oo iibsan jirtay adhiga ahminka ah, waxayna igu tidhi iiraac adhiga waxaan neefkiiba ku siinayaa baystayne {lacag waagaa la isticmaali jiray)
Adhiga ayaan markaa muddo u raacayey lacagtaana way isiin jirtay aabahayna markuu iga daba yimi oo Laas-caanood soo gaadhay wuxuu la kulmay anigoo kiish lacaga haysta. Lacagtii ayaanna siiyey isna wuxuu igu yidhi waan kuu ducaynayaa ee shaqayso. Sidaana waxaan ku bilaabay shaqadii anigoo 9 jir ah 12 jir markii aan ahaa ayaan u wareegay shaqadda makhaayaddaha shaaha. Halkaa oo aan mudo 12 sannadood ah u shaqaynayay, nin makhaayad haystay wuxuuna i siin jiray 2 shilin maalintii dulmi farabadan ayaan ka soo maray ninkaa wuxuu nagu shubi jiray biyo kulul marka uu shaqadda wax ka tirsado. Ninkale ayaan shaqo ka helay intaa ka dib ninkan danbe wuxuu ahaa nin wanaagsan oo shaqaalaha iska ilaaliya xaqoodda wuxuuna na siin jiray 13 shilin maalintii.
Markaa ayaan nolosha bilaabay horruumarkeeda intaa aan shaqaynayay aabbahay ayaan taageeri jiray oo la korin jiray carruurta waayo markii danbe aabbahay wuxuu noqday nin sabool ah. Uaahay ayaan mahad u celinayaa ee weligay xoogaygaan cuni jiray, waxaan xusuustaa saddex qado ayaa weligay lay qaaday. Cid weli ma baryin iminkana ilaahay ayaan ka magan gelayaa baryadda bini aadmiga.Taasi waxay ahayd koritaankii

…………………….I” “1 I*
nin ka mida dadka aan ka soo ururinay dhacdooyinkii soo maray intii ay ! yar yaraayeen oo weliba ku saabsanayd shaqadda carruurta laga :
shaqaysiiyo iyo waayaha ballaadhan ee ku gadaaman.
Waxa ku dhaca ama ay waayaan carruurtu sanadaha ugu horreeya noloshooda waxay leedahay macne wayn oo la xidhiidha bedqab- shiinyahooda iyo mustaqbalkooda labadaba. Sida caadiga ah billowga wanaagsan ama xannaano wanaagsan sanaddaha ugu horreeya noloshaadu, waxaay u dhawdahay si aad ah in koriimadaadu noqoto mid caafimaad leh, fahamka luqadda iyo awood wayn oo waxbarasho, aadida iskuulku waxay hogaamisaa la’haanshaha caqli wanaagsan ama halyeey noqoshada taasoo lagu qanco nolosha xaggeeda. Malaayiin carruur ah adduunka oo dhan ayaan haysan xuquuqda ay leeyihiin oo loo diiday inay helaan xaqooda dhammays tiran ee ah inay gaadhaan fursado . Waa in la hubiyaa in ilmo kastaa helo billow hagaagsan. noloshiisa iyo mustaqbalkiisaba, xaqiiqdii mustaqbalka qoysaskooda, waddamadooda iyo guud ahaan adduunku waxay ku xidhantahay iyaga faya qabkooda oo laga shaqeeyo ama la hagaajiyo. Sannad walba, tobanaan milyan oo ilmoyaal ah adduunka oo dhan waxay yihiin wax aan caadi ahayn oo ka cararaya difaac la’aan haysata. Kuwa dhashaa waxay noqdaan kuwo loo qaban karo inay iskuul tegida u diyaar garoobaan.
Sanad walba, tiro badan oon la tirin karin waxaa la joojin karaa oo laga war hayn karaa saboolnimadooda siyaabo kala gedgedisan, ee muxibbo, daryeelid, horuumarin fayaqab, nafaqayn iyo illaalinta ay u baahan yihiin waayo waxay mudan yihiin inay noolaadan amase badbaadaan si ay u koraan horuumara u gaadhaan. ku dhowaadlO million oo carruur ahi waxay dhintaan ka hor inta aany u buuxsamin shan jirnimaddu sannad walba, in kabaddan 200 million oo carruur ahi ma helaan horuumar iman kara oo buuxa waayo ma haystaan
122

iyaga iyo masuuliyiintooduba waxyaalaha asaaska u ah in carruurtaasi badbaado oo ayna noolaadaan oo kobcaan.44
44 Sanduuqa badbaadada caruurta uncife
123

Dagaallada daba dheeraaday iyo masiibooyinka dabiici-ga ah, ee dadka Soomaaliyeed muddada dheer ku dul habsaday, oo ayna helin j daryeel ka yimaadda hanaan maamul oo hagaagsani, waxay carruur ; badan oo agoon ah iyo hooyooyinkood badeen dhibaato aan qalin ! lagu koobi karin.Waxay kaloo sababeen isu caalwaa iyo maskax maqnaan dheer oo keentay xilgudasha lahaan dul fadhiisatay kuwii xalin lahaa. Dagaaladaa aan cilmiga ku fadhiyini waxay khasbeen r khasaare farabadan oo kan akhlaaqdu ugu wayn hayay.Waxaana la odhan karaa waxaa xitaa lumay oo meeshaba ka baxay isu tudhidii, isu nasteexayntii, isu naxariisashadii iyo wixii la halmaala oo wanaag s iyo qiyam fiican ahaa.
Laguna yiqiin taariikhda Abka soo gaadhka ah ee ummada soomaalidu lahayd: iyadoo, ka soo qaadatay ama ka soo dhirrin dhirisay ISLAAMKA. kasoo jeeday diinta samaawiga ah ee Ebbe- wayne inoo dooray, iyo tarbiyadii suubanaha NNKH.Waxaa dhacday in inbadan oo carruuri markay waayeen wax daboola baahidooda aasaasiga ah ay magaalooyinka dayac dareeraan kuna khasbanaadaan inay nolosha la harjadaan.Tusaalc ahaan hablo da’yar oo Soomaaliyeed ama hooyooyin agoonleey ah, waxay miciin bideen inay noqdaan adeegtooyin ama jaariyaddo aan haysan heshiisyo damaanad adag ku fadhiya, ayna ka soo gaadhaan dadka ay u shaqaynayaan tacadiyo aan la qiyaasi karin iyo shaqooyin aan waqti xadidan lahay isla markaana aan qiime wanaagsan sinaba u goyn Karin. Ilayn majiro sharci ilaalinaya ama loo shaqeeye waxgaranaya oo xaqa iska illaalinaya. ;
Shaqooyinkaasu waa kuwo badan oo aan jaan go’nayn sida dhar maydh, cunto karin, suuqa ka soo adeeg, guryaha nadiifin, carruurta ilaalin iyo waxyaalo kale oo la jira. kuwaasoo aan qof wada qaban karin muddo yar gudahood noqonayana shaqooyin cuius, igbaarid ama jirabaad iyadoo ayna u dheertahay cannaan canbaarayn, dil, faraxumayn, hatigid iyo ugu danbaynta oo looba diido wixii uu u dhib mutay ee ahayd ajuuradda awelba hoo oo ku go’da ahayd.
124

Mar la baadhay mushahaarooyinka lagu shaqaalaysiiyo dadkaa aan ka soo hadaley waxaa la ogaaday inay ugu badnaan gaadho 50 doolar ugu yaraana 10 doolar, oo aan waqtigan cidna wax ugu fillayn. Sidaa oo kale kurayadda loo baahnaa in ay beri waddanka anfacaan ayaa baalashle, makhaayad ka shaqeeye, qaad garabayste,Istaan jooge, qori site, qof illaaliye ah ku soo ururay. Dhamaan dhalinyaradaasi waxay dhex joogaan khataro la mid ah daaman libaax dhexdood. Haddii aan inyar ka milicsano taariikhda faca wayn ee soomaalida waxaa soo ifbaxaysa in ay soo jireen ahayd ka shaqaysiinta carruurta iyagoo aan diyaar u noqon shaqo.Waxayna sabab u ahayd hawsha adag ee bulshadu ku jirtay, oo ahayd ama u badnayd xoolo dhaqashadda, oo ficliyan ah hawl aan dhibyarayn.
Waxyaalaha ugu horeeya ee carruurtaa reer guuraagu ku indho dilaacsadaan ayaa ahayd. In ilmaha oo wax kayar 2 jir looga tago geedka guriga inta lugta lagaga xidho xadhig, wehela maqasha looga dhigo, sababtoo ah hooyada oo biyo raadisay ama xoolo lumay baadi doon ugu maqan awgeed. Amaba dan kale oo muhim ah lagana yaababa inay midkale xanbaartay ama caloosha ku sido.Tegidaa maqasha looga tegay waa hawl u’eg inuu shaqo ku dhex jiro. da’aha ka wayn 2 jir waa inay maqasha raacaan oo aan aallaaba guriga ka fogaan.Waana bilawga shaqada.
Gabdhuhu waxay hawl adag billaabaan markiiba iyagoo hooyadood ka caawinaya xadaafiirta nolosha ee ay dhex muquuranayso. Run ahaantiina habluhu waxay qabtaan hawl dheeraad ah oo la kowsata imaanshahooda dunida guudkeeda.
Waxaanna u dheer u tudhid la’aan, waxbarashadda oo aan loogu dedaalin, gudniinka fircoonigga oo masiibo ku ah, hibadda aabbuhu carruurta wax u hibeeyo oo aan iyaga sida badan wax loo hibayn.Waxaan ka wadaa waxaad maqli kartaa wiil leh hashaasi, sacaasi, ridaasi ama laxdaasi waa tii la’igu xuddun xidhay. Hablahase maqli maysid sidaa oo kale. Dhanka guurka aabbaha Soomaaliyeed wiilkiisa wuu u dhisaa yaradna ka baxshaa.
125

\ j
Balse gabadha inuu iibsaduu rabaa oo aan waxar jabani ka raacin.Waxaa layidhi nin baa gabadhiisii yarad u doontay markasaa | hal geela laga siiyay (malaha kan guursaday baan wax haysane). |
Markuu soo noqdaa la yidhi war hebel maxaa lagu soo siiyay yarad….J
mar kasuu yiri naasa kuus kuusan hala ka tagtay, hal kalena laga soo \ hel. {Wuxuu ka wadaa hashii loo lisi jiray caanaheedii waa iiga tagtay}. Midkalena gabadhiisii baa gooro aan kala fogayn wax u soo ; doonatay.sida suugaantan, ka muuqata suu yiri:- \
• weligaa ayaamaha badh baad kala ilawdaaye ! j
• waataan isniintii dhowayd awrta kuu raraye ! j
• maantana maxay kay agdhigay saw arbaca maaha45 \
(akhristayaasha sharafta lahaw kama wado in soomaalidu dad xun wada tahay ama aanay ixsaan u falin caarkooda ee waxaa marag madoonta ah in ay kala fadillaayeen labadda jinsi ee aadanuhu soomaalidda dhexdeeda}
45 Dudco gabay ka mid ah
126

Sidaa oo kale xoola raacidda, baadi-doonka xoolaha lumay, xergaynta noocyo xoolaha ka mid ah oo meesha markaa la deganyhay ku daaq xumaaday, biyo doonista xoolo waraabinta, xoolo xawawarinta , geediga iyo in kale oo badan ayaa ahaa shaqooyin iyo hawlo adag oo carruurtuna qayb libaax ka qaadato. Marar badan waxaan sheekooyinka ku maqallaa carruur iyagoo hawl ku saabsan xoolo dhaqashada, beer falidda, kaluumayiga, biro tumidda, baabuur samaynta iyo wixii la halmaala galay khataro sida cidla u dhixid, bahallo sigid, harraadid, gaajoon, daallid, ambasho, asqoobid, biri jarid iyo kuwo kale oo badan oo ay la kulmaan. Si aynaan mawduuca uga bixin una noqon khaarijal mawduuc.
Geedi wuxuu yidhi. Anigga iyo wiilkayguba waxaan kusoo koray rajonimo iyo in labadayadaba lagu soo dhaqaystay oo aan tan wiilka; ku horeeyee. Hooyadii masayr ay igu masayrtay oo an waxba ka jirin ayaan ku kala tagnay, dhalinyaranimana Way i haysay waanna wax dhaqanka soomaalida ka mid ah waayo dadkeenu kamaba qisoodaan ammuuraha guurka iyo gogosha ku taxaluqa.Wiilkii markaanu kala tagnay waxaan ka codsaday inay hayso anna aan biilkiisa bixiyo, markii hore way yeeshay muddo ka dibse aabbahay oo reer-guurraa ah ayay ku xoortay oo kaga tagtay, anigu maadamoo aan askari weliba furin joog ah ahaa; wiilkii xiriir nama dhex marin ismana aanu arag. Haduu koray oo xoog yeeshayna waxaan ka war helay inuu colal duulaan ah oo soomaalidda diinta isku haysata ka midda uu qori u qaaday, aad baan uga xumaaday waayo waa marka horee waxay isku haystaan oo isku dilayaan lamabba garanayo, waatan labaade anigaaba qori sidi jiray, oo moodayay inaan dal illaalinayee sow kama warqabo. Xaalkaygu meeshuu ku danbeeyay taasoo ahayd waxaan ku waqti beelay in xagga [qaliinka loo rogay waa kelmed la istic maalo marka wax wixiisa xun lagu tusayo]
Saw waxaan ka shaqaynayey ma noqon, madax dalkii baabi-’inaysa iyo shacab wada tuug iyo daba dhilf shisheeye ku shaqaysto saw tacab qasaar xaalku muu noqon, waxaan moodayay dad iyo dal meel u wadda socdee sow kaaf iyo kala dheeri ma aha.
127

Haddaan ogaaday in wiilkaygii lagu shaqayste annoo kale ah in rag awr kacsi lihi: doonayaan inay awrkooda ku kacsadaan saw xaalku muu noqon wiilka raadi oo horaad u kharibtay noloshiise imminka daba qabo.
Haddaanu isu nimi oo laba nin oo isle’eg nahay waxaan u bandhigay inaan rabo inuu wax barto anna aan xil iska saaro buuggiisa, qalinkiisa, hoygiisa iyo raashinkiisa. Iskuul baan geeyay oo kagama hadhine anna qalin iyo buug iibsaday oo barbar fadhiistay. Muddo yar haddaanu dedaalay, wuxuu bartay barbaar isaga Je’eg oo qaarkood dhibka isaga soo maray aanu soo marin, war kaalay nala ciyaar, war kaalay ciyaalo kale nagula duul, waxaa saa loogu baaqay, isna dhexduu u gallay haddaan waaniyay waanadii waa ku aroori wayday labadiisa dhegood. Inaan dagaalanay noqotay Haddi isafgaran waa yimi oo illayn dad soo wadda koray ama dhaqmay maanu ahayne cindigiisa waaba geli wayday ninkan muxuu kuu koontaroolayaa, wuxuuna saaxiibaddi ka codsaday war hallay dhoofsho oo awoowgay hallay celiyo ninkan garanba maayoo waa Kiinyaati qafaal buuna igu haystaaye. Meeshaanu joognaa waa xeryaha qaxootiga. Dhibaato iga dheh. Anigga xaalkaygu wuxuu ahaa hooyaday Alle ha u naxariistee markay saddex qof dhashay, dhimatay markay dhimatayna, hooyaddeed baa na kaxaysay saddexdayadii hooyadood dhimatayba. Aabbahay iyo xiddidkiina dad isku wanaagsanaa ma ay ahayn oo waxbaa la kala tirsanayey ku saabsan xurmadda xoolaha yaradkaan u jeedaaye.
Yeelkeede ayeeyo waanna daryeeshay oo guri iyo xoollo ay haysatay oo meel tuulo ah ku yiil bay nala tagtay. Aabbana waatan geela loogu heesee
^ Geeridda haween guud lafidho iyo guursi laga qaad ^ Geeridaadana gaawe madhan iyo gaajo laga qaad ^ Geeridaydana guryo ba’ay iyo goblan laga qaad

Qoyantiiba waa guursaday oo reerkaluu samaystay muddo haduu naga maqnaa oo reerkiisii cusbaa ku mashquul-sanaa, ayuu soo kacay oo nasoo doonay wuxuuna yidhi carruurtayda halaysiiyo. Ayeeyadayna waa diiday intii murankaa lagu jiray ayaa mid naga midihi dhintay oo ilaahay oofsaday. Amuurtaa dhacday ee Rabaaniga ah ayuu kiis ama denbi ka dhigay oo wuxuu yidhi ilmahayga waa la dilay ee qadar Eebbe kuma dhiman!
Xumaan baa meeshii soo gashay iyadoo aan awel horeba laysku wanaagsanayn: taasina waxay keentay in la qaybsamo, oo dadka qaar yidhaahdaan carruurtiisa ha loo celiyo, qaarna yidhaahdaan haloo diido, almuhim anigaa laygu celiyay gurigiisii iyo reerkiisii cusbaa. Aayaday ama eddaday qofba siduu u yaqaan waxay ku curatay wiil dadkalena waa dhashay: waxse layaab lahaa wiilkii markuu koray oo wax kala gartayba annigii buu ila dagaalamay, haddan dilo hooyaddii baa halkan u taagan oo anna iga jarta waxaan ku sameeyo.
Haddu wax igu dhufto kuma dhufan karo, hadduu marada igaga kaadsho kama ceshan karo; Aabbaan u dacwooday markaasuu yidhi iska dhici oo garaac oo iska celi. Sidiibaan yeelay taasina waxay noqotay ini iyaddii iyo aabbo is qabsadaan oo gurigiiba rabshad iyo dagaal joogta ah isu rogo. Ka gadaale marna ayeeyaan u tagaa marna Aabbaa i kexeeya. Muddaan sidaa ku noollaa. Markii danbena nin adeer noo ahaa ayaa isoo kexeeyay oo iskuul igu daray markiibase askartaan noqday oo furin joog baan noloshayda badideedii ku dhamaystay.
Haddii aynu ku soo jiray sheekooyin suugaan iyo cilmi baadhis ku wajahan caruurta, imminka waxaan guda gelaynaa sheekooyin ku saabsan dhibaatadda carruurta marka ay dhacaan dagaaladu noocay doonaanba ha u dhaceene. Haddaba sheekadan waxay ku saabsantahay wiil yar oo dagaal dartii dhib u maray iyadoo libaax waardiye u noqday wuxuuna yidhi:-
129

Anigu waxaan ahaa 6 ama 7 sano jir, adeerkay ayaan la joogay meel tuulo yar wayn ahayd. Wiil ayaan isku loox ahayn wuu iga yara xoog waynaa, waannaan ka cabsan jiray, maalin maalmaha ka mid ah ayuu makiinad igaga xariiqay sanka. Dhallinyaro aanu isku reer ahayn ayaa markay maqleen dhibaatadda isoo gaadhay ii yimid waxayna igu qalqaaliyeen inaan wiilka ka aargoosto. Waxaan ku idhi waayahay ee makiinad ii iibsha.Way ii iibsheen markaa ayaan guda galay sidii aan uga aarsanlahaa. Sida caadadu ahayd marka la gaadho waqtiga quraacda waa nala fasaxi jiray maalin banna midkaayo ayaa looxa tiirin jiray kan kalena hadhow ayuu soo qaadi jiray, illayn danbaan leeyahaye waxaan ku idhi adigu tiiri looxa anna waxaan soo qaadayaa marka danbe.
Looxii buu qaaday oo la dhaqaaqay intuu sii jeeday ayaan makiinadii lasoo baxay oo la daba galay markuu tiiriyay looxii, oo soo jeestay ayaan anigoo diyaara yarase baqaya isha ilaa dhabanka ku dhubfay oo jeexay. Dabadeedna waan carraray oo guri noo dhowaa galay sababta oo ahayd reerkayagga oo magaaladda ku yaraa awgeed. Inanka aan dhaawaca u gaystayna reerkooda ayaa magaaladda ku badnaa. Anigu markaa waxaan la joogay adeerkay adeerkayna safar ayuu ku maqnaa oo magaaladda ma joogin. Haddaan gurigii ku jiray maalinta inteedii badnayd wiilkii iyo reekoodiina loo taagwaayey ayay dantu khasabtay inaan magaalada ka carraro inta adeerkay soo noqonaayo oo hawsha xal loo helayo.
Waxaa laygu daray nin wadaad ah oo miyiga qardhaasaha, ka qora oo galabtaa u sadcaalayey reerguuraa magaaladda ka fogaa.Waxaanna laga codsaday inuu i kaxaysto oo inta adeerkay soo noqonaayo uu ilia meeraysto, reeraha uu ka waliimaysto. Anna quraanka ii dhigo. wuu yeelay inuu i kaxaystoWaanu is raacnay gelinkii danbe oo dhan buu ila sii socday fiid danbe ayaanu reero u nimi, daalkii aan daalanaa ayaan jiif saday garan maayo in wax laysiiyay iyo in kale.
130

Haddii wax laysiiyayna ilmo dheelalawsan wuxuu cunaa micno badan kuma fadhiyaan. Salaaddiii horuu ila dhaqaaqay maalintii oo dhan ayaan sii soconay, goof ay tahay casar gaaban ayaan u nimi waxar dhalatay oo meel cidla ah taagan. Waxaan filayaa inay ka dhacday reero guuray. Markasuu yidhi wadaadkii soo qaad waxarta hadaynu ka tagno waa laynagu ciqaabayaaye.Waxartii baan qaaday haddanu inyar soconay roob ayaa noola yimi oo dhulka nagu dhejiyay, gabaldhacii ayuu naga qaaday roobkii annagoo qoyan. Daadkiina socon kari waynay.Waxaanu u leexanay buur yar oo nagu dhowayd markaa. Geed lebi ah hoostiisa ayaan fadhiisanay qoraxdiina waa dhacday.
Haddanu meeshii fadhinay in muddo ah waxartiina hoosta igaga nabantahay, ayaan maqalay sanqadh waddadkii ayaa i waydiiyay oo yidhi ma garanaysaa sanqadhan waxaan idhi maya garan maayo.Wuxuu yidhi waa libaax dabadeedna wuxuu ku booday geedkii oo koray, geedku wuu gun dhuubnaa markuu salladda u baxay ayuu gacantiisii hoos u soo taagay oo yidhi war gacanta soo taag, gacantaydii way gaadhi wayday gacantiisii. Markaasuu yidhi dhagax soo qaado oo isku soo dheeree; balse isku daygaasi waa shaqayn waayey wixii soo sanqadhayeyna waa soo dhowaaday. Geedka salkiisii hoose ayaan iska fadhiistay waxartiina hoostayday soo gashay, wixii soo socdayna markan waa ii muuqday oo meel aan ka fogayn ilaa 5 mitir ayuu is taagay waan eegay oo midab caddaan ah ayuu iila muuqday. In mudda yar ah haduu meeshii taagnaa ayaa sanqadh kale soo baxday markay soo dhowaatuu kii hore dib u noqday oo wixii soo sanqadhayey ka hor tegay.
Labadii waxba way isa soo raaceen oo meeshii kii hore ka tegay bay wada yimaadeen dabadeedna way fadhiisteen. Anigu muddo yar kadib waan seexday oo qabawgii dhulka galabta roobku helay, daalkii, iyo baqdintii faraha badnay waxay isu bedeleen hurdo.
131

Mar aan ku qiyaasi karo waa soo dhowaad kii ayaan dareemay kulayl hoosta igaga jira indhahaan kala qaaday oo meeshii aan markii hore Ur jeeday eegay, mise labadii bahal mid qudhaa fadhiya meeshii. Docda kale ayaan dhugtay mise dhinacayguu fadhiyaan oo waxa aan uumiga ka helayaa waa neeftiisii, markaasaan miyir beelay oo meeshaydii ku gam’ay.Waagu markuu beryaan misna indhaha kala furay oo eegay kii: hoosta iigaga jiray, markaasuu istaagay oo jimicsaday oo u dhaqaaqay meeshii kii kale fadhiyay, oo intuu u tegay kiciyay oo ay wada jir isu raaceen.
Cabbaar ka dib ayaa waddaadkii soo degay oo yidhi ina mari: waan dhaqaaqnay oo hadaanu in yar soconayba waxaan aragnay qiiq meel dhow ka baxaya. Waan gaadhnay oo waxay noqdeen reer aan aqaanay markasan oohin afka furtay oo ninkii reerka lahaa ku idhi wadaadkan ayaa libaax isiiyey.Waddaadkii ayaa yidhi waxaan akhriyey alamtara, liilaaf, yaasiinka oo xalay oo dhan xirsi xidh baan ku jiray. Sidaasaa libaaxu ku daayey wiilka.Warkiisiibaa la rumaystay waayo wuxuu ahaa waddadkii reeraha casharka u tufi jiray. Balse reerkii baan kaga hadhay illamaa adeerkay ka soo noqday safarkii. Taasoo uu dhameeyay xaalkii dagaalka ee tuulladda.
Nin baa ka sheekeeyay sheeko uu ayeeyadii ka maqlay ayeeyadaa oo ku dhalatay xarun daraawiisheed46 waxayna sheekadani u dhacaysay sidan:-Waxaa dad-kayagii, ku dhamaadeen halgankii daraawiishta badankoodii, xaruntiina waa xumaatay oo waxay noqotay meel sii baabaysa.Waxaan goostay inaan xarunta ka tago oo laba meelood oo waagaa loo carrari jiray, miduun aado. Labadaa waddo oo lagu baxaana waxay kala ahaayeen waddo hawd aadda oo Walwaal ku dhacda iyo waddo galbeed quman u kacda oo Burco ku baxda. Burcadaa oo gaallo fadhido.Waxaan qaatay gudin, mindi, iyo dhiil, gudinta innaan ku quwaaxsado ayaan u sitaa, dhiishana inaan
46 Daraawiish waxaa xarun u ahayd magaalada Taleex
132

quwaaxa ku gurto si aanu iiga qallalin. Mindidana innaan wax isaga celiyaan ugu talo galay.
Taleex ayaan ka anba baxay, wagaana bahalaha waxaa ka cabsi badnayd dadka oo dhulkaan marayo waxaa ku nool qawlaysato cidla joog ah.Waxaan tegay meesha geedo midho leh layidhaahdo oo dad dabato ahi ku noolyihiin. Maalmo ayaan la joogay dadkaa dabatada ah waan ka tegay markaan nastay oo ayaan la joogay qorshaha aan dhigtay wuxuu ahaa innaan maalintii dhuunto, habeenkiina socdo, waayo waxaan ahaa mux dumara oo weliba da’yar waxaan filayaa inaan 13 jir ahaa. Biimaha aan marayana waxaa igu kelifay Dhibaatadii dagaaladda, waxaan goostay inaan waddada walwaal aada qaado oo walwaal walaashaybaa degganayd dadka yaguna waxay ka soo jeedeen xaggaa iyo dhulka Soomali Galbeed.
Haddaan habeenimo soconayo oo fidada hawdka loogu baxo ku baxay ayaan dareemay in sanqadhi ila socoto Waan naxay oo qaboobay, socodkiise ma dayn oo jeegadaan taagay. Inyar dabadeed ayaa sanqadhii isoo gaadhay dib baan jaleecay mise waa libaax. Sheekana waxaan ku hayey haddii cidla libaax kaa helo oo uu dhinaca midigta kaa maro wuxuu goostay inuu ku cuno, hadduuse bidixda kaa maro waa ku nabadgeliyay. Nasiib darro wuxuu iga maray dhanka midigta oo hore ii dhaafay isagoo degdegaya. Markaasaan waddadii ka leexday oo dhinac isu qabtay, laba geed dhexdoodaan istaagay, isagiina saw intuu hore u orduu waddadii fadhiistay, haduu waxba waayuu dib usoo laabtay oo raadkaygii soo qaaday.
Si kedisuu isagoo ordaya iiga soo dul dhacay wuu naxay anna waan bededay, markassaan gudintii dhulka ku xariiqay anigoo wacad la dhiganaya. Indho cas cas buu igu eegay waana miliqsaday oo labadda qawlal iska leefay, misna wuxuu eegay waxaan xariiqayey, oo marba dhan eegay.
Inyar dababeedna wuu dhaqaaqay anna waxaan u dhaqaaqay dhankaan u socday, wadnahayguse ma garra docdayduu socday oo weliba dhawr tallaabo ii jirta Waxaanu soconaba geedbaan fadhiistay
133

isna waa tegay oo cabbaar ka dib wuxuu ii keenay dabataag uu surka ka soo jebiyay welise nool oo lugaha ka firigfirigsiinaysa.
Waan gawracay markaasuu dhiigii ka dhabaqsaday oo geed igu dhow u hurdo doontay. Dab ayaan madag47 ka shitay dabataagtiina lugbaan ka goostay intii kale oo aan calooshii ka ridayna geed yar baan u saaray markasuu u yimid oo jajabsaday. Markaa waa isku dadownay oo baqdintii ahayd inaan habeen socdo waa iga ba’day maalintii baan socdaa ilayn wehel baan helaye Quwaax-aygana, waan quwaaxsadaa oo dhiishayda ku gurtaa. Markaanu laba maalmood soconaba neef ugaadha ayuu keenaa.Waxaan ka goosto mooyee waxa kaluu cunaa habeenkii bawdadiisaan barkadaa inuu inyar iga fogaado ma jecli wuxuu ii yahay saaxiib qaali ah. Waxayse ugu darayd markii habeen libaaxyo kale na heleen oo dagaal dhacay oo laysla fiigtay lays lana fogaagaday gooha iyo ciduna badatay.Oo goor dhaw mid soo noqday ma kaygii baa mise waa mid ka mida kuwii weerarka ahaa ilayn kayga sumadi iiguma oole Wadnaha is kay taagi gaadhay, hadduu soo socday agtayduu istaagay oo jim jimicsaday markasaan dareemay inuu saaxiibkay yahay oo ka soo adkaaday kuwuu la dagaal galay.
Ilaahaw ha ku qaadin baan uurka uga duceeyay, Waxaanu sii soconaba markaanu u soo dhowaanay Walwaal ayuu orday oo xaggii aanu u soconay ku orday in cabaara dabadeed buu soo noqday oo xaggii aanu ka nimi ii dhaafay.Waxaan u malaynayaa inuu soo hubsaday in meeshii cid iigu dhowayd uu i keenay.Waxaa xusid mudan intii aanu soo soconay wuxuu kaalmaysanayey dhegihiisa oo wax meel dheer ka dhacayaba wuu la socday taasoo aan ku ogaaday dareenkiisa is bedbedelaayey.
47 Waa laba qori oo laysku xoqo eeg buuga Carro-Edeg
134
dhammaad