Maana-Faay

Hordhac

uu daabacaddii koowaad 1981 u qoray Maxamed Aadan Sheekh, Guddoomiyihii Jaamacadda Ummada, Soomaaliya.

Qisada Maana-Faay iyo qiimeheeda taariikhiga ah inta aynaan u galin, horta aan is weydiinno qisoy maxaad tahay? Runtii wax badan baa fasiraad laga bixiyey, siyaalo badanna loo rogrogey, inta ay nooc leedahayba. Hase yeeshee annaga, Soomaali ahaan, ahmiyad gaar ah ayaa bilowgeedu noo leeyahay. Waa marka horee afkeenna qoriddiisu dhoweyd, welina dihin, waa u tijaabo sida farshaxan qurxoon qoraal ahaan loogu bandhigi karo, ama sida afku dareen kasta u cabbiri karo.

Waa tan labaade, dadweyneheennu ma baran akhriska sheekooyin casri ah, maxaa yeelay af-maal bay bulshadeennu ahayd, welina kama guurin, oo isagana tijaabo cusub bay u tahay. Waa tan saddexaade, bulshadeennu uma baran sawirka nolosheeda oo loo soo hordhigo sidii muraayad ay iska daawaneyso, kana arkayso ceebaheeda, xumaheeda iyo wanaaggeeda. Waxaan shaki ku jirin in haddii aan hore sheekooyinkeenna u qori lahayn, ama curiyayaal badani qisooyin casri ah noo hal-abuuri lahaayeen, wax weyn ayaa iska bedeli lahaa dhaqankeenna iyo aragtideenna nolosha.

Si kastaba ha ahaatee, waa nasiibwanaag haddii dhalinyaradeennu ay u soo jeesteen hal-abuurka noocaas ah, oo kaalin weyn ka qaadanaya koritaanka wacyiga iyo dhaqanka bulshadeenna. Ninna ma mooga, bay ila tahay, in dadaal badan oo dhinacaas ah ay duruufo gaar ihi hakiyeen: waxa ugu yar kuwa ku lug leh xagga dhaqaalaha iyo xagga farsamada, oo qoraa kasta u baahan yahay in laga kaaliyo, marka uu hawshiisa wado. Waxaa hubaal ah in ay markan lagama maarmaan tahay in tallaabooyin cusub laga qaado arrimahaas, mar haddiiba afkeennii uu si sugan ugu xididdeystey maamulka, warbaahinta, dugsiyada iyo miyiga, uuna noqday saldhigga aqoonta, waxbarashada iyo cilmi baarista dalkeenna.

Qisada maanta ina hortaal, Maana-Faay, waxay ugu horraysaa tijaabooyinka cawada yeeshay oo nooca loo baahnaa ah, waxeyna ku soo banbaxday markii, iyada oo taxane ah, ay Xiddigta Oktoobar ku soo bixi jirtey, sannadkii 1979kii.

Dadweynuhu, Muqdisho iyo meel kasta oo Xiddigtu gaartaba, wuxuu u muujiyey xiisayn iyo soo dhoweyn aad u ballaaran oo aan hore loo arag, ilaa xad Wargeysku codsigii dadweynaha buuxin kari waayey, tiro kastoo lagu kordhiyey ee dhawr jeer la laba jibbaaray oo saddex jibbaaray! Bixiddaas faraha badan iyo xiisahaas xad-dhaafka ah maxaa keenay? Waxa ugu dhow oo loo malayn karaa waa in sheekadani si waaqici ah u dhex-gashay nolosha bulshada; qoys iyo qof, yar iyo weyn, wiil iyo gabar, intuba dareemeen in ay hab-nololeedkooda taabaneyso, iney uga dardaar werineyso fal-celiska dhaqankooda sii doorsoomaya, una sii tilmaameyso cawaaqibkiisa. Sidoo kale, waxay waalidku ka dhex arkayaan khaladaadka qaarkood ka galaan barbaarinta ubadka iyagoo wax toosi is leh.

Bal u sii fiirsada hiddaha nolosha qoyska Maana-Faay, doodda dhexmareysa Axmed iyo Kulmiye, ruqaansiga Aay-Caddey iyo aragtideeda, tartanka dhalinyarada iyo figradaha kala duwan ee raggu dumarka ka qabo dumarkuna ragga ka qabo, sida waalidku u qasbo rabidda da’da cusub, iyo ugu dambaynta, dhibaatada ay martay nolosha Maana-Faay, oo ah shakhsiyadda sheekada oo dhan xiriirisa.

Runtii waxaa qisadan summad gaar ah u ah, in ay dadka ay ku socotaa kuwo caadi ah yihiin, ee aad noocooda maalin walba suuqa iyo guryaha kula kulmi kartid, inaan hadalkooda is-muujin iyo erayo culusi ku jirin; in murtida buuggu xambaarsan yahay ay dadweynaha ka soo maaxeyso.

Darsiga ugu weyn ee qiso ina soo hordhigi kartaana, ka sokow inaan akhriskeeda ku raaxaysanno ama ku madadaalanno, waa inay nagu qasabtaa, waliba si doqonima-garato ah, inaan gudaheenna iyo habka nolosheenna dib u dhuganno waxna ka beddello.

Waxaan qabaa in qoraaga buuggan, Maxamed Daahir Afrax, oo tijaabadan cusub sida xalladda iyo kartida leh u gudbey, uu kulligeen naga mudan yahay hambalyo iyo mahadnaq ballaaran.

Dr. M. Aadan Sheekh

TUSMADA

Mahadcelin
Xubinta 1aad
Xubinta 2aad
Xubinta 3aad
Xubinta 4aad
Xubinta 5aad
Xubinta 6aad
Xubinta 7aad
Xubinta 8aad
Xubinta 9aad
Xubinta 10aad
Xubinta 11aad

Mahadcelin

Waxaan u mahadcelinayaa Maktabadda SOAS (Rugta Buug-Keydinta Dugsiga Culuumta Bariga iyo Afrika, Jaamacadda Landan) oo oggolaaday in ay i amaahiyaan nuqul buuggaan daabacaaddiisii koowaad ah oo ay ku hayeen qolka lagu ilaaliyo qoraallada aan la heli karin, kuwaasoo aan caado ahaan la oggolayn in qolkaa laga saaro. Waxaan ugu abaal hayaa in ay ii oggolaadeen in aan nuqulkaas maalmo la maqnaado, si dib looga sawiro muuqaalkii koowaad ee galka oo igula habboonaaday in uu saldhig u noqdo galka daabacaddan cusub.

Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Cumar Aadan Qaaddi oo gacan weyn ka geystey suurtagalinta daabacaddaan saddexaad, taas oo Cumar la’aantiis u soo baxdeen dhakhsaha ay u soo baxday.

Qoraha

Xubinta 1aad

— 1 —

Iyadoon qofna salaamin, hareerahana eegin, bay qolkeedii halhaleel ugu gudubtay. Sariirtay isku halgaadday. Buugaagtii ay sidatayna koomadiinka dushiisay naxariis la’aan ku tuurtay. Qaar baa dhulka ku daatay. Waligoodba ha daateen. Yaa u jixinjixaya! Yaa aruursanaaya! Addimadeedii baabay aruurin kari la’dahay. Waa taas labadeedii lugood mid sariirta ku dul xoortay, iyadoo kabteedii wadata. Tii kale oo kabtii iskeed uga dhacdayna waxay ka lulataa sariirta qarkeeda. Bowdada waxaa ceego adag uga haya surweelka kaakiga ah ee dugsiga. Waligiisba ha uga hayo! Yaa ka fujinaaya! Yaaba ka xanuunsanaya!

Haddaad isha kor ula sii raacdid, waxaad arkaysaa shaati cad oo gacma gaab ah oo ay hoosta ka soo riixayaan laba naas oo dhawaan kobcay. Waxaa la moodaa in ay ka cabanayaan shaatiga turriinsha la’aanta loogu dhejiyey. Waligoodba ha ka cawdeen. Yaa dulman ma iyaga mise guluusyada la moodo in ay sii go’ayaan? Kii doonaaba ha dulmanaado. Yaa isugu tagaaya!

Qofkii u soo galaa wuxuu moodi lahaa ruux suuxsan, ama mar hore gam’ay. Waa runoo indhaha way dansatay, laakiinse hurdo warkeed ma jiro. Indhaheeda beryahaan hurdo sooma booqan. Intay neef culus xoog weyn ku soo jiidday bay xoog ka sii weyn ku soo celisay, sidii iyadoo doonaysa in ay ku soo xaaqdo dhibaatooyinka maskaxdeeda rasaysan. Waxay la ahayd dhibaatooyinkii ifka lagu uumay idil ahaantood in ay iyada dul saaran yihiin. Qof kasta dhibaatadiisaa la culus, isagaana isla jid leh. Noloshaaba sida ah.

Markay indhaha isku qabsatay bay maskaxdeedu isla hadalkii laba jibbaartay. “Aah, dhib badanaa! Saan maan ku joogi karaa? Ilaahayoow sideen wax yeelaa? Iskoolkaanaaba iigu daran. Wax maan barashow ka gaaraa, anigaba waa dhibaataysanahaye! Macallinkaasaanba nacay! Khabiid waaye. Xisaabtiis ma la fahmi karo. Maxay nooga baddaleen macallinkeennii fiicnaay? Sabti imtixaan waaye kuma lohoo. Sabti maahine maantana keena. Imtixaan imtixaan waaba la iiga daran yahee. Iskoolkaan mar lee ma la xiroo. Waa ka neebsalahaa. Laakiin qof minankaan joogto maa neebsaheesa. Dhib maa dhib kaaga roon? An waa yaabay! Dadkaan qaf uula hadasho maa la waayey, oo runta u sheegto. Maxaa la ii khasbaa? Ma rabi. Ma rabi. Ma rabi. Khasab miyaa? Cawo ma rabi, maalin ma rabi! Waalid-waalidaa la idinka badiyey. Ammaan lee i siiya. Waalid oo ilmihiisa xaasad u eh maa la soo arkay? Haddii iga naxaysiin wax dhibkeyga eh ma igu khasbi leheen. Qaftii aniga rabo ma ii diidi leheen. Sidiin rabo lee ii yeeli leheedeen. Ah! Nasiib badanaa qaf xor eh, Sahra Yuusuf camal! Axmed saacaddaan intees joogaa? Xafiiskii aas fadhiyaa. Ah! Maxaan u soo mari waayey? Waa u sheegaa cawada, wixiis rabo ha dhaho. Dhibkaan ma ku jiri karo. Maya. Maya. Ma u sheegi karo. Ceeb waaye. Mashkilad kalaa imaaheeyso. Lacalla haddii…”

Waxaa ka kala goysay shanqar iridka ka soo yeertay. Waxay dareentay qof saan culus oo u soo galay. Indhahase uma kala furine way ismoogaysiisay. Aad bay u necbayd in cidi u soo gasho. Waxay la ahayd culays ka daran kii ay hore u dareemeysey.

“Maana-Faay! Maxaa ku daaray Maana?”

Way garatey. Waa codkii macaanaa ee hooyadeed. Weli indhaha ma kala furin, farna ma dhaqaajin. Intay hooyo ku soo booddo oo dhexda isaga duubto labada dhaban kama dhunkan, sidii caadada u ahaan jirtay, markii ay dugsiga ka timaaddo. Maana Maanadeedii ma aha. Habartii oo qalbi jabsan, xaaladdeedana qaddarinaysa, ayaa intay ku soo dhawaatay, codkiina u sii dabcisay, oraahdii hore u raacisay, “Joogso-hee gebertey dharka iska beddel muggoo aa khadayside. Khadadii waa kaa khaboobooheey saaye.”

“Khada-khadadiina ma rabiye ammaan aan niiga helo,” ayay si kulul ula soo boodday markii hooyadeed hadalkii ku celcelisay. Markay tiri ka dib bay la soo xumaatoy oraahdaas aan asluubta lahayn ee iskeed uga soo fakatay, kamase toobad keenin.

Aay-Caddeey intay cabbaar iyadoo amankaag afka sacabka ku haysa ku dhaygagtay ayay dib uga soo laabatay, iyadoo cagaha jiidaysa, sidii abbaanduule goob dagaal ku soo guul darraystay.

Waa adduun! Cimrigaa dheeraadaa geel dhalaayana waa ku tusaa! Ma Maana-Faay baa qofta sidaani u dambaysey? Aaway baarrinnimadii iyo dhega nugaylkii? Aaway qosolkii iyo qalbi furnaantii? Aaway firfircoonidii iyo sheekadii macaanayd? Aaway xishoodkii iyo xushmad ilaalintii? Aaway dabeecaddii dhan walba dahabka ka ahayd ee ay Xamar Weynoo dhan caanka uga noqotay, habartii gabari ka qalloocataana ku hal qabsan jirtay, Haddiin nasiib leeyahay Maana-Faay camalaan dhali lahaay?

Aay-Caddeey wax ku cusub ma ahayn gabadheedu qadadii ay maalintaas ku diidday iyo xushmad darradii ay ugu jawaabtay. Horay buu yaabkii uga dhammaaday. Beryahaan oo dhan bay kala kulmaysay waxaas iyo wax ka daran. Xanaaqu sankuu ka saarsaaran yahay. Eray kasta oo qof qoyska ka mid ahi ku yiraahdo way dhibsanaysaa, hadduu xun yahay iyo hadduu sanyahayba wuxuu la yeelanayaa dhadhan kharaar, markaasay ama ka xanaaqaysaa ama xargo adag isku celinaysaa, uurkana ka gubanaysaa. Xataa sheekada caadiga ah ee xubnaha qoysku ku sheekaysanayaan, hadday goob joog u tahay way dhibsanaysaa, waxay la noqonaysaa qaw qaw aan dhadhan lahayn. Markaasay uurka iska oranaysaa, Yaa iga aamusiya. Marmarna intay ka kacday qol cidla ah isku xiraysaa, ee ku fekereysaa.

Cunto u dhadhanta goor ugu dambeysay garan mayso. Waqtiga cuntadu marka uu soo dhawaado way ka naxdaa. Markii hooyadeed ku khasabto ayay korka ka taataabataa. Marna way ka dhuumataa, si aan loogu khasbin. Waa taas baaba’day ee dharkeedii ka yaraatay. Away bilicdeedii indhuhu kala boobi jireen, rag badan oo u soo baratamayna ku hungoobeen? Waa taas il go’dee abaarsatay, sidii ubax gu’ barwaaqo koriyey, ka dibse dabayl xagaa dharbaaxooyin naxariis la’aaneed ku dhufatay!

Waa kaaf iyo kala dheeri Maana-Faaydaan madoobaatay ee murugo awgeed maryihii iska beddeli wayday, iyo tii shan bilood ka hor meeshii ay soo gashaba muusikada farxaddu u yeeri jirtey, dunidoo dhanna quruxda iyo qosolka ka buuxin jirtay?

— 2 —

Bal isu fiiri saaka iyo subaxdii iyadoo sida dheemanta u hillaacaysa ay taagnayd Shaneema Xamar horteeda. Subaxdaasi taariikhda Maana-Faay meel weyn bay ka gashay. Intay ifka saaran tahayna maskaxdeeda ka go’i mayso.

Markay in yar joogtaba way ku soo dhacdaa. Waxaa hor yimaada muuqaalkeedii il qabadka lahaa ee marba gaari isu taagayey, iyana ka sii jeesanaysey. Waxay qabtey dharkii dugsiga, buugaagtiina gacantay ku haysatay. Waxay sugaysey tagsi dugsigeedii u sii dhaweeya. Tagsigii waa ku soo daahay. Iyadoo weli sugaysa, ayay gadaasheeda ka maqashay cod aan ku cusbayn una caddayn oo ku soo qaylinaya, “Maana-Faay! Alla waa iyadii!”

Dib bay u jalleecday. isla markiina ku orodday markay aqootay, “Weey Sahra, ii warran abbaaye!”

Waa la isku dhagay, dhabannada la iska dhunkaday.

“Naa ii warran intee ka baxday beryahaan?”

“Allaa! Shimaa isugu keen dambaysey! Hal sano camal waa dhan tahay, haye! Haddii shakho la helo, dad ma la soo salaamaayo, maahoo Sahra?”

“Qof xun baad noqotay Maana. Maxaad iigu imaanwayday, waad ogtahay anigaa guri firaaqa ah keligay daggene?”

“Cawadaan kuu imaahaa.”

“Waa yahay, caawaynnu si fiican u sheekeysan doonnaa, hadda shaqaan ku ordayaa, adiguna dugsi baad u socotaaye, caawa hal saac baan ku sugayaa, ciddiina igu salaam, yaa macaantey?”

“Haye abbaay. Jaaw hee.”

Sahra Yuusuf ballantaasi waxay ka ahayd afgobaadsi reer magaalnimo. Laakiin Maana-Faay culays weyn bay la lahayd, wayna ka sii fekereysey maalintii oo idil. Yaa u sheega booqashadaasi waxa ay u soo waddo. Yaa ogeysiiya in ay u horseedi doonto inqilaabkii ugu weynaa ee nolosheeda ku dhaca! Yaa uga diga in ay noqon doonto albaab ay ka gasho tijaabadii ugu khatarsanayd ee soo marta: tijaabo kharaar haddana macaan? Xanuun iyo xiise isku dhafan!

— 3 —

Maana-Faay ma ahayn gabdhaha habeenkii raysta. In kastoo aan loo ilaalin jirin sidii walaasheed Iisha, haddana dabeecaddeeduba ma ahayn gabdhaha bixbixidda jecel. Aabbaheed Xaaji Muumin, kama shallaayin makhabiyanimadii uu ka daayey iyo waxbarashadii uu u oggolaaday.

Wuxuu ku waana qaatay makhabiyannimadii lagu khasaaray ee gabadhii ilmihiisa u weynayd, Iisha. Waxbarasho iyo mustaqbalba Iisha way seegtay. Dhawrsanaantii gabarnimo ee aawadeed guriga loogu xabbisayna waxay noqotay biyo col loo dhaanshay.

Sagaal iyo toban sano ayay ahayd makhabiyo guriga lagu ilaaliyo. Waxay ahayd gabar aad u qurux badan aadna loo jecel yahay. Xaafadda oo dhan waxaa looga sheekaysan jiray quruxdeeda, caqligeeda, dhawrsanaanteeda iyo miyirkeeda. Aabbaheed iyo hooyadeedba waxay u hayeen kalgacal xad dhaaf ah, wayna ku faani jireen. Dadku way ku cawryi jireen, uguna hambalyayn jireen. Lexejeclada iyo han weynida saa’idka ah ee loo qabay, ayaa keentay ilaalinta dheeraadka ah.

Iisha hal mar uun bay xargo goosatay, dib dambena gacan looguma dhigin. Jartii ay ku fakatay waxaa isla abaabulay naag fataalad ah iyo nin shabeel naagood ah oo doonayey in uu dhawr habeen ku moodo. Dhawrkii habeen markay u dhammaadeen ayuu mid cusub ka raadsaday, iyadiina ku yiri Jaaw Amiiko, ka bul dheh, cagta saar waddada!

Suuqeeday hore u sii gashay. Waxay isu qaadatay sidii qof xabsi ka soo baxay, ee macaanka xorriyadda la dhadhansiiyey. Diyaar uma ahayn in ay xabsigii dib ugu laabato. Xornimo raadis ka sokow, waxaa sii baydadinayay, baqdin ay gurigooda ka qabtay marba hadday danbiga intaas la’eg gashay. Saaxiibbadii cusbaa ee ay dhowrkii beri ku baratay ayay baasheeda ka raacday. Liillalow baa lagu soo dhaweeyey. Abaadirow soo aruuri inanta! Mindhaa sooma aruuriyo!

Maanta qof kastoo qoyska ka mid ah magaca Iisha marka uu dhegtiisa ama maskaxdiisa ku soo dhacdo, waa ku lablaboodaa, korkana ka jiriiricoodaa. Xaaji Muumin haddii cunto hor taal wuu ka sii jeestaa, iskana joojiyaa. Hooyadeed Aay-Caddeyna waaba muraara dillaacdaa. Sheeko socota markii gabdho lagu soo hadal qaado Xaaji Muumin wuu naxaa, warkana xirtaa ama baddelaa. Wuxuu ka baqaa haddii la sii wad wado in marka dambe la yiraahdo, Ka warran gabadhaadii suuqa gashay? Ama qof meel xun ku soo arkay intuu soo gocdo warbixin wadna qabad ah wajiga uga fiiqo, inkastoo uu dhawr sano ka hor tacsideedii dhigay magaceedana warqadda qoyska ka tiray, haddana sidaas ugama harin. Ilaa maanta dad baa uga tacsiyeeya, ee boogtii ka danqiya.

Iisha waalidkeed waxay ku noqotay boog ceebeed oo aan ka harayn inta ay nool yihiin. Waa ciqaabkii aad ku mutaysateen dambigii aad iyada ka gasheen, markii aad ka xaaraantinimayseen waxbarashadii iyo dhex galkii bulshada, ayay Xaajiga ku yiraahdaan saaxiibbadii qaarkood. Taas ha garaysto ama yuu garaysan, kollaybase mid buu ogaaday. Wuxuu hubsaday qof aan iyadu is ilaalin in aan cidina ilaalin karin. Markaas ayuu jeexjeexay shukooyinkii uu ugu tala galay gabdhihiisa yaryar, Leyla iyo Maana-Faay: intuu dhar dugsi iyo buugaag u soo gaday buu labadaba waxbarasho u diray.

— 4 —

Leyla saddex sano ayay Maana-Faay ka weyn tahay. Dugsigana waxay uga horraysey laba sano. Markii Maana dugsiga dhexe ka baxday, bay Leylana dugsiga kalkaaliyayaasha caafimaadka ka baxday, kaaliye takhtarna shaqo ku bilowday. Waxay is jeclaadeen Ciise Dheere oo afar sano ka weyn, ahna farsama-yaqaan ka shaqeeya Mashruuca Sahminta Hawada.

Dhibaato aan la soo koobi karin ayay ka soo mareen jacaylkoodaas iyo sidii ay qoyska gabadha uga heli lahaayeen oggolaansho guur. Markay ka waayeen, bay isla dhuunteen, ka dibse waalidkii way maslexeen, waana la heshiiyey, gargalyo fara badan ka dib.

Xaaji Muumin inkastoo uu ka mid yahay ganacsatada yaryar, haddana wuxuu uga duwan yahay fikradda khaladka ah ee qaarkood ka qabaan waxbarashada iyo shaqada dawladda. Waxaa kale oo uu odayaasha da’diisa ah ee ay isku xaafadda yihiin uga duwan yahay sida ay u arkaan barbaarinta ubadka. Aragtiyaha qaarkood wuu la wadaagaa. Wuxuuse uga yare horreeyaa fahamka isbaddelka casriga iyo dabeecadda dhallinyarada.

Saaxiibbadiisa ay habeenkii gidaarrada xaafadda ku sheekaystaan, in badan ayay ku dhaliilaan gabdhihiisa uu dugsiga u dirtay ee dariiqyada shuko la’aanta ku mara. Hase yeeshee waxaa xaalkii is baddelay markii la arkay waddada Leyla martay, Maanana ku socoto. Waalidiin badani waxay ka masayreen wax tarka ay Leyla nafteeda, reerkeeda iyo waalidkeedba u yeelatay iyo magaca ay bulshada ku dhex yeelatay. Xaafadda oo dhan markii qof madaxu xanuunoba waxaa la yiraahdaa, Leyla ha la jeriyo. Dad badan ayaa markaas Xaaji Muumin ku dayday. Intay gabdhahoodii shukooyinkii ka xooreen bay dugsiyada u dirsadeen.

— 5 —

Maana-Faay qorraxdoo aan dhicin bay is dhisid bilowday. Waxay isu diyaarisay sidii qof xaflad laga wacay. Waxay isla ahayd sidii qof arrin muhiim ah fulinaysa. Muraayad weyn bay is hor taagtay. Kor iyo hoos bay iska eegtay. Keligeed baa is cajabisay. Ma mooga in ay qurux badan tahay. Dad fara badan bay ka maqashay. Markay maqashaba hoos ahaan bay isugu bogtaa. Wax kastoo ay biddo in ay qurux u kordhinayaan way ku dadaashaa. Iyadoo muraayadda eegaysa, ayay marba dhan u dhaqaaqday. Intay Aboosto uurka iska tiri bay saacadda eegtay. Toddobadii oo rubuc dhimman bay ka akhriday. “Alla waan daahay,” bay hoos u tiri. Boorsadeedii bay armaajada dusheeda ka daftay. Jidka ay sii mari doontaa ku soo dhacay. Cabsi aan weyneyn baa qac ku tiri. Waxa ay ka cabsoonayso ma garanayso, laakiin way cabsanaysaa. Siddeed iyo tobankii sano ee ay ifka joogtay, weli waqti habeen ah xuduudka Xamar Weyne kama bixin, iyadoon dad la socon. Guriga Sahra Yuusuf qudhiisu Xamar Weyne kama dheera. Waa dhammaadka waddada Rooma, saraha duugga ah ee Xamar Jajab ka bilaabato.

Intay dariishad daaradda u jeedda furtay bay hooyadeed halkii ay ku ogayd hanqaloocsatay. Weli way fadhidaa. Jikada horteeday hawl ku haysataa. Waxay jeclaysatay in ay habartu meesha ka kacdo. Inay gudaha gasho ama bannaanka u baxdee dariska u laabato. Iyadoo u jeedda ma bixi karto. Waxay ku furaysaa su’aalo ayan u babac dhigi karin jawaabtoodana ku dhiirran karin. Intii ay labisanaysey albaabku hoos buu uga xirnaa. Haddii lagu qabto qiil-qiil bay gali lahayd. “Ah! Habartu may kacdo! Markaan looga baahnaynba way iska maqnaataaye! Fiiri weli way iska fadhidaa! Waxa ay suubbinaysaa sow ma dhammaadaan!” Siday marna habarta eegmo ugu xadaysey marna saacadda u fiirinaysey, u hiyi kacaysey, isu hiifeysey, gidaarka u dharbaaxaysey, ayay habartii gudaha alaab ka doonatay. Fursaddii bay ka faa’iideysatay. Halhaleel bay jaranjarta uga dagatay, iyadoo wadnuhu aad u boodboodayo. Markay dhulka tagtay bay cabsideedii laba jibbaarantay. Xataa in ay hareeraha eegto way ku dhici kari wayday. Waxay la ahayd in ay boqollaal indhood gees kasta ka soo eegayso, meesha ay u socotana wayddiinayso. Intay jidiinka buurtay bay saanta hore u boobtay.

Uma baran in ay keligeed habeen baxdo. Beryahanna kaba sii duwan. Waxay ku jirtaa is ilaalin dheeraad ah. Cidduna waxay siisaa fiiro gaar ah. Culayskaasi wuxuu ku soo kordhay ilaa maalintii loo sheegay in lagu daraayo ina adeerkeed Abuukar Aw-Mukhtaar oo sida badan loogu yeero Iikar. Arrintaas markii loo sheegay aad bay u yaabtay. Amakaag bay indhaha la caddaysay, afkana gacanta saartay. Way ka degi wayday in Iikar nin u noqon karo. Sina uguma kala duwanayn isaga iyo walaalkeed Aweysow oo aabbaheed iyo hooyadeed dhaleen. Isku si bay u ciyaari jireen, isma hunguriyayn karaan. Waligeed Iikar nin ahaan ugama xishoon. Inkastoo aan guurkaasi dhadhan iyo xiise u lahayn, haddana wixii waalidkeed ugu taliyo ma diidi karin.

Hooyadeed Aay-Caddey, qudheedu arrintaas raalli kama ahayn; iyada ogeysiin ahaan uun baa loo soo gaarsiiyey, ka dib markay soo go’aansadeen labada oday ee walaalaha ah; iyaduna waxay rabtay in arrinta billowgeedii lagala tashado, tixgelin waynna la siiyo. Aay-Caddey wax badan bay duqeeda kula doodday tixgelin la’aanta noocaas oo kale ah.

Waxay ku eedaysaa in uu talada reerka keligii iska go’aansado. Isagu eeddaas ma garaysna. Aad buu xaaskiisa u qaddariyaa, una xushmeeyaa. Hase yeeshee wuxuu qabaa arrimaha qaarkood go’aan ka-gaariddoodu in ay tahay shaqo aan odayga lala wadaagin, ee uu keligii xaq u leeyahay.

Xaaji Muumin iyo Aw-Mukhtaar maalkii aabbahood uga dhintay ma qaybsan, mana dhaxlan. Saro iyo laba dukaan ayaa ka dhaxeeya. Waxay doonayeen in aan qoysku marna kala bixin. Carruurtiina waa koreen. Sidaa awgeed ayay intay fadhi gaar ah qaateen go’aan ku gaareen in afar carruurtooda ka mid ah is-waydaar la isugu guuriyo, arooskoodana isku mar laga dhigo, wada jirna loogu hawl galo. Iikar Aw-Mukhtaar iyo Maana-Faay Xaaji Muumin oo dhinac ah iyo Aweys Xaaji Muumin iyo Jiija Aw-Mukhtaar oo dhinaca kale ah. Hadda alaabtii waa la gaday, kharash aad u badan baa la galay, arooskiina waxaa lala sugayaa xiritaanka dugsiga Maana-Faay. Warkii waa la gudbiyey. Deriska iyo ehelada oo idil waa gaaray.

Xubinta 2aad

— 1 —

Sahra Yuusuf guri bulakeeti ah oo afar qol ka kooban ayaa mid u kiraysan yahay. Aad bay u nadiifisay una sharraxday. Geeska midig waxaa gidaarka cirifka ku haysa sariir foormiig ah oo si fiican u goglan, koomadiin sideeda u madow baa ag yaala. Harqad yar oo ay gacanteeda ku toshay baa ku fidsan. Rikoor baa sii dul saaran. Cajalado badan baa dhinac rasaysan. Dabaqiisa hoose waxaa saaran wargays sheeko sawiran ah (fotoromanso). Gasada waxaa ka soo jeeda armaajo gaaban oo iyana sariirta u eg. Khaanadaheeda mid baa nus furan, dhar dumar baa ka soo jeeda. Harqad tii koomadiinka u eg kase weyn baa dul saaran. Qasacado iyo dhalooyin yaryar oo fara badan baa kor safan. Waxaa qaarkood ka dhammaaday qaarna wali ku jira barafuun iyo waxyaalo kale oo dumarku isku carfiyaan ama isku qurxiyaan. Gidaarrada sawirro iyo farshaxan baa ku teedsan. Dhanka bidix waxaa fidsan saalooto yar oo madow. Waxay ka kooban tahay hal kursi oo laba qof ku filan iyo laba kale oo kasoo hor jeeda, miis yarina u dhaxeeyo.

Kursiga ballaaran ee iridka ku jeeda waxaa isku barakaadisay Sahra Yuusuf. Gacmihiisii kala fogaa bay midna isku tiirisay midna lugaha dul saaratay. Maana-Faayna kursi gacma leh ee ka soo hor jeeda ayay ku dhacadiiddaa. Qudheeda kama qasna, martina uma eka. Marba dhankii ay doontay u maja fidsanaysaa. Faantadeedana fiiqsanaysaa. Sheekaa baxaysa. Qosol baa bururaya. Muusik baa birmanaaya. Hadalkaa la kala boobayaa. Kaftanka iyo fara-ka-cayaarkaa la isku tuurtuurayaa. Carrada in dad kale ku nool yahay lama dareensana.

Gaw-gaw! Iridkaa la garaacay. Jag! Sheekadii baa la xiray. Dhegahaa la taagay. “Hoodi hoodi,” baa soo yeertay. Wagarey wagar! Waa cod rag. War cusub! Waa la is-hayaa. Sahra intay jiifka ka boodday bay qun u fariisatay. Guntiinadeedii furfurnayd bay meelihii ay ka soo xeydantay kor iyo hoos ugu fidisay. Xornimadii la isugu yimide ma aragtaa!

Maana-Faay iyadu naxdintii runta ahayd bay naxday. Wiish baa samada uga yeeray. Intay kud isku tiri bay afarteedii addinba soo uruursatay sidii diin khatar dareemay. Faantadii ay fiiqsaneysey miiskay degdeg u dul dhigtay, sidii qof tuugo lagu qabtay. Garbasaartii kursiga gacantiisa u saarnayd bay la soo boodday. Intay hagoog jiq isku siisay bay gidaarka xaggiisa u jeesatay.

Sahra markay diyaar-garowday bay intay albaabka dhinac u furan yahay indhaha ku taagtay, qofkii aan loo jeedin ee idanka waydiistay ku tiri, “Yaa waaye? Soo gala!”

Waxaa soo galay inan da’diisa dhawr iyo labaatan jir lagu qiyaaso, maarriin dhuuban ah, dhabankiisana ladnaani ka ifayso. Hadalkiisu waa ka soo horreeyaa, “Hambalyo! Caawa aad baad u faraxsan tahay. Sheekadaada iyo qosolka kaa baxaaya xaafad shanaaddaa laga soo raacayaa.”

Intay kursigii uga kacday, farxaddeedii duushayna dib u soo ceshatay. bay tiri, “Haye Axmed, ii warran beryahaan waaba lagu waayaye, caawa yaaba kaa roon!”

Iyadoo wali hadalkii wadata ayuu intuu Maana ku jeestay, si xushmad leh ugu yiri, “Jaaw abbaaye.”

Maana madax rux keliya ayay ugu jawaabtay. Sahraa hadalkeedii sii wadatay, ee tiri, “Qoftaan aan isku dheer nahay baa ii timidoo sheekadu isugu kaaya baxdaye.” Axmed waxba isma martiyeyne, intuu si deggan, isku kalsooni iyo isla weyniyina aanay ka marnayn u soo tallaabsaday, ayuu kursigii weynaa ku dangiigsaday. Sahrana intay dibadda u yare baxday, haddana dib u fariisatay bay tiri, iyadoo Maana-Faay gacanta ku taageysaa, Axmedna hadalka u jeedinaysa, “Gabadhaan iska baro, waa saaxiibtay. Maana-Faay baa la dhahaa. Maana, wiilkaan waa walaalkay Injineer Axmed Jaamac.”

Maana intay hal mar milicsatay, haddana indhihiisa hoos uga gabbatay, bay cod si dhib leh lagu maqlaayo hoos ugu tiri, “Barasho wanaagsan,” iyadoo dhulka fiirinaysa, iskuna dayaysa in ay qariso yaxyaxa lama filaanka ah ee jirkeeda saaqay.

Axmedna intuu si xiisa leh isha gees gees ugu shiishay buu cod macaan ku yiri, “Jaaw Maana-Faay, barashadaadu waa ii farxad weyn.” Weli eegmadii dulucda lahayd kama dul qaadin. Dhoolla caddaystiina kama xirin. Quwad dahsoon oo uusan garanayn baa dhankeeda u jiidatay dunidii kalana illaawsiisay. Wuxuu u holladay in uu ku tuuro eray macaan oo kaftan iyo af gobaadsi isugu jira, si uu qalada uga saaro, hase yeeshee eraygii cunihiisa sooma dhaafin. Waxaa hakiyey dareen aan caadi ahayn oo ay ku soo bitisay quruxda aan caadiga ahayn ee hortiisa ka muuqata.

Subxaanah! Waxaan qurux miyaa? Tanina ma Xamar bay ku noolayd? Ka marag in aysan i soo marin qoortaan mulaaxda ah, midabkaan dahabiga ah, dhabannadaan cuddoon, indha-malaa’igeedkaan la moodo in ay hurdo soo hayso iyo tintaan sayn-fardoodka u eg ee indha daraandarka ah! Laakiin sug. Waxaad mooddaa in ay gaaban tahay. Bal marka ay istaagtaan si wanaagsan u eegi doonaa.

Sidii loo bixi jiray buu u baxay, soomana noqon, ilaa uu maqlay codkii Sahra oo dhankiisa bidix ka leh, “Maxaad la aamustay, maad noo sheekaysid?” Ula kac bay filinka uga kala goysay, ka dib markay wajigiisa ka akhrisatay dareenka maskaxdiisa ku meehanaabaya.

Axmedna intuu is gartay buu ugu jawaabay isagoo xabbad sigaar ah diyaarsanaaya, si ay deggenaanta ugu caawiso, “Sheekee adigaa marti laguu yahaye!”

Cabbaar la iska sheekaystay, Maana-Faay iska tagtay, markay u adkaysan wayday ninka hor fadhiyee aan kici rabin, eegmada dulucda lehna ka daynayn. Jawigeedii farxadda lahaa buu ka jiiray, xornimadii buu ka ciriiriyay. Culays buu ku noqday. Intay saacadda fiirisay bay iska kacday. Sahrana way sii dhaweysay, kana soo laabatay.

Axmed markaasuu intuu sal muggi u fariistay Sahra xog waraysi ku bilaabay. “Sahra, malaa’igtaan yari maxay ahayd, saaxiibtaa miyaa?” ayuu si kaftan dhable ah ugu tuuray, isago indhihiisu qarin kari la’ yihiin ahmiyadda weyn ee uu su’aashaas siinayo.

“Saaxiibnimo saas ah maaha, laakiin yarta si fiican baan isu naqaan. Berigii aan Xamar Weyne deggenayn baan is barannay,” Sahraa ugu jawaabtay.

Sahra waa ina eeddadi ay isku aqal ku soo koreen. Waa isku da’, gabdhaha walaalihiis ahna iyaduu ugu jecel yahay. Sidii laba wadeey bay u sheekaystaan, sirta qaarkeedna way isku qarsadaan sidii laba gabdhood oo is jecel. Sahra mar baa la guursaday, iyadoo aan weynayn baa nin lagu daray. Muddo gaaban ka dib way wada noolaan kari waayeen. Markay in badan ka carartay buu iska furay.

Sidii ay ninkeedii u kala tageen gooni ahaan bay u dagganayd. Arrimaha dhallinyarada khabiirad bay ku tahay, laakiinse ma aha hablaha falal xumada yaqaan. Waa shaqaale dawladeed, sharafteedana way dhawrataa. Waxay leedahay saaxiib rasmi ah oo Axmed iyo cidda oo dhammiba isku og yihiin, arooskoodana loo wada toog hayo. Waa qof bulshayad ah, aad u maskax furan, kar ah, la moodo in ay da’deeda ka waaya-aragsan tahay.

— 2 —

Axmed wuxuu Sahra ka codsaday in ay rasmi ahaan isu barto isaga iyo Maana-Faay. Haddii ay ahaan lahayd hal sano ka hor markii uu ka soo laabtay waxbarashadii uu toddobada sano dibedda ugu maqnaa, wuxuu halkiisa ku go’aansan lahaa in uu Maana-Faay guursado. Haddase go’aankaas ku degdegi maayo. Muddadii sannadka ahayd ee uu Xamar ka shaqaynaayey waxaa u korortay waaya-aragnimo weyn. Waxaa isbaddalay fikrado badan oo markuu dibedda joogay uu ka qabay bulshada: xagga hablaha, xagga shaqada iyo guud ahaanba xiriirka dadka.

Aad buu u dherarsan jiray dhammaadka waxbarashada iyo ku laabashada dalka hooyo. Laba arrimood buu ku tala jiray in uu samayn doono markuu Soomaaliya cagaha saaro. Waxay ahaayeen in uu gabar wanaagsan guursado iyo in uu aqoontii uu soo bartay wax badan ku qabto ee dalkiisa u faa’iideeyo.

Labadaas arrimoodba, in kastoo mabda’ ahaan uu weli iska aamminsan yahay, haddana xamaasaddii uu hore ugu hayey wax weyn baa iska dhimay. Sannad dhan baa u dhammaaday, welina guur u hirgalay iyo wax muuqda oo uu dal u qabtay midna uma jeedo. Uma cadda, isla markaasna ma mooga in ay jiraan waxyaalo saameeyey, himmaddiisii xiimayseyna jillaafeeyey. Waxyaabahaasi xagga shaqada iyo xagga dumarkaba way ku soo mareen. Wuxuu la kulmay gabdho badan oo is-araggoodii koowaad hiyi kacshey, quruxdooda iyo qalbi furnaantoodu maanka ka xadday, kaddibna dhuxul dambas huwan ku noqday. Ma yara inta jeer qob moos loo dhigay, mar uu ku kufo iyo mar uu ka tallaabsadaba.

Haddase waayo-arag buu noqday. Beryahaan gabadhii cajibisa wuxuu kula dhaqmaa lugna baqo ugu joog, lugna dagaal. Hadday xumaato intaysan kugu moodin ku mood, hadday fiicnaatana arrimo mustaqbal la indha indhee.

— 3 —

Ciddu aad bay ula jaceshahay in uu guursado. Aabbihii Jaamac Dhegey iyo hooyadii Cambaro Cali-Dhoof labaduba way ku guubaabiyaan. Sahra Yuusuf qudheedu way kula talisaa, kalana talisaa. Aad bay ugu han weyn tahay in ay aragto guri walaalkeed leeyahay iyo carruur uu dhalay. Waliba waxay si gaar ah u jaceshahay gabadha uu guursanayaa in ay noqoto mid ay iyada is yaqaanniin. Sidaa awgeed ayay u riyaaqday markii uu yiri, “Maana-Faay iskaaya bar.” Waxaa ku soo dhacay Maana iyo Axmed oo is guursaday. Waxay ku riyootay guri walaalkeed oo ay hooyo ka tahay gabadhaas quruxda badan, dabciga wanaagsan, dugsiga sarena ka baxaysa. Markii fikraddaasi ku soo dhacday, ayay intay qososhay Axmed ugu jawaabtay, “Igu duub aniga, anaa ku baraya Maana-Faay!”

Haddana wax bay gocatay. Hal mar bay maskaxdeedu wareegtay. Shaki aan caadi ahayn baa ku dhashay. Nimanka waqtigaan jooga lama aammini karo, walaalkaana ha ahaadee. Gabadhaas miskiinta ah haddaad u soo gacan gelisid, ee uu hadhow mustaqbalkeeda ku ciyaaro, yaa ka mas’uul ah? Maya. Maya. Ha barin. Ha barin. Biyo intay kaa fog yihiin baa la iska moosaa. Haddii kale maad haddeerba runta wajiga ka saartid, hadduuba ku hor fadhiyaaye!

“Dhegayso Axmed!” bay tiri, iyadoo weli fekeraysa, wajigiisana fiirinaysa.

Intuu sidii nin dareen galay u soo eegay buu yiri, “Haye?”

“Horta hawshii aad ii xil saartay waan ku tallaabsanayaa, laakiinse hal shardi baa ku xiran.”

“Muxuu yahay shardigaasi, kolleyba shardi kasta waan kuu oofine?”

“Waxaa weeye in aad ii sheegtid, xiriirka aad gabadhaas ka rabtaa nooca uu yahay, ma guur baa mise waa gaabsi?”

“Aah! Meel xun bay iga taabatay! Guur iyo gaabsi aa? Waxayba u hadlaysaa sidii dadkii hore. Guur iyo gaabsi midnaba kama fekerine quruxdeeda uun baa i jiidatay baan filayaa. Oo horta maxaan ka rabaa? Garan maayo. Keliya waxaan garanayaa in aan rabo. Horta bal soo xera geli, ka dib xiriirkeedu dhankii uu doonaba ha u jahaystee. Ka soo qaad haddii ay…”

Isagoon weli u jawaabin fekerkiina dhammaysan, bay su’aal kale uga nixisay, “Hadal haddee, maxaad la aamustay? Jawaab baa lagaa sugayaa.”

“Adigu xujadaas naga dhaafoo qofta iskaaya bar,” buu ugu jawaabay.

“Markii aan iskiin baro, haddii aad berri ka maalin gabadhaas islaameed ku ciyaartid, dambigaas sow aniga korkayga ma aha?”

“See ugu ciyaarayaa, ma kubbad baa?”

“Mayee waa shabaq! Kuwa intaad been-beenta ku indha sarcaadisaan, markii aad baabi’isaan, godkii aad geliseen uga dhaqaaqaysaan maxay yihiin? Ma kubbad baa?”

“Kulli fidmo waa iyaga, imisa nin bay intay kabihii kala baxeen, isagoo caga cad gagi bannaan soo taageen, ugana dhaqaaqeen?”

“Abboowe raalli ahow, taasi idiin ma noqon karto is difaac aad ugu marmarsootaan dambiga aad hablaha ka gashaan.”

“Abbaaye runta haddaad rabtid iyo haddaadan rabinba, hablaha hadda joogaa iyagaa maafiya ah; maafiyana ninkii wax ku darsanaaya waa khasab in uu kula dhaqmo murtida ah: Masku intuusan kugu candhuufin, ku candhuuf.”

“Waan ka xumahay. Meel baad uga dhacaysaa gabdhaha.”

“Ma filaayo in aan sheegay wax aan jirin, haddaadse ka xumaatay iga raalli ahow.”

“Xataa haddii ay jiraan kuwa aad tilmaamaysid, waxa ay samaynayaan aragtay, laakiinse marna ma is waydiisay waxa ku kallifay iyo cidda eedda iska leh?”

“Adiguba ii sheeg, haddaad og tahay.”

“Rag baa ku kallifay, qaabkaasna u carbiyey ama duruuf baa ku kalliftay, haddii la sii cilmiyeeyo.”

“Sahra, waqtigaagii baa la gaaray, aad ina rag oo idil maxkamad millatari soo taagi jirtay,” ayuu yiri, isagoo dhoolla caddaynaya, iskuna dayaya in uu hadalka majarihiisii kaftanka ahaa ku soo celiyo, si ay dooddu u qabowdo, dantiisiina ugu dhawaado!

Sahrase weli kaftan diyaar uma ahayne, iyadoo sideedii iyo si ka sii daran u kulul bay tiri, “Diid ama ha diidin, eedaysanayaal baad tihiin, mana idiin cafinayno dambiyada aad naga gasheen. Bal Ilaah baan kugu dhaarshaye yaa xaq idiin siiyey in aad gabdhaha marka horana jidka xun idinku u horseedaan, marka dambana wixii aad barteen ku caydaan, kuna nacdaan? Yaa idiin banneeyey falka xun in aydan idinku ka xishoon, ee weliba ku faantaan, annagana noo hor kacdaan, markaan idinku raacnana nagu dhaleecaysaan? Miyaanay taasi ahayn badownimo laga yaqyaqsado? Haddii nin waliba halka uu joogo hablaha ka weeraro, xaggee ku baxsanayaan gabadhiisa iyo xaaskiisu? Ma waxay noqonayaan malaa’ig keli ahaantood ka xijaaban isha aadanaha? Sidee kuugu suurtoobaysaa in aad habeen kasta gabar cusub la tumatid, haddana tiraahdid: Ma guursanaayo gabar tijaabooyin hore soo martay?”

Intuu indhihii ay ku soo caddaynaysey kuwo ka cadcad ka hor geeyey, buu yiri, “Miyaad is yeelyeelaysaa? Sidee u guursanayaa qof soo gubatay oo rag hore la soo tuman jirtay?”

“Bal eeg! Waa kaas caqligiinnu, waa caqligii qarnigii labaad. Sidee iyadu kuu guursanaysaa adigoo naago hore la soo tuman jiray?”

“Ma anigay igu dayan kartaa, anigu nin baan ahaye.”

“Sharciga adiga kuu bannaynaya iyadana ka xaaraamaynayaa xaggee buu yaal? Ii sheeg! Mise waxaa jira wax aan adiga kaa go’ayn iyadase ka go’aaya?”

“Sharcigu qofna u bannayn mayo, laakiinse dhaqan baa jira, arrimaha qaarkood ragga u bannaynaya haweenkana ku ceebinaaya.”

“Dhaqankii gabooba, ama xaqdarro ku dhisan, sow in laga gudbo ma aha?”

“Hadda adigu aan ku ogaannee ma waxaad u dagaallamaysaa in hablaha tumashada loo banneeyo?”

“Mayee waxaan u dagaallamayaa in aan nimanka ka gooyo xaqa dheeraadka ah ee ay iyagu isa siiyeen iyo xad gudubka ay haweenka ku dulmaan. Tumashadu haddii ay ceeb tahay, waa in aynnu labadeennuba ka dhawrsannaa, haddii kalena aynnu u wada aqoonsannaa wax caadi ah oo qof waliba u baahan yahay ceebna ahayn. Haddaadse aaminsan tahay gabar soo tumatay guur kuma habboona, maad gabdhaha nabad galisid, yaad ku hallaynaysaa in ay guursadaan kuwa aad adigu la tumanaysid? Mise ulakac baad mustaqbalkooda uga madoobaynaysaa? Ma xaq baa in aad hablaha ku cambaaraysaan wixii aad idinku u horseeddeen?”

“Kaba dhig in aan annagu dhankaas horseed ugu nahay, beenta iyo axdi la’aantana yaa ugu horseed ah?”

“Yaa kale? Idinka lee ahaa?”

Intuu isu qoslay buu sidii nin doodda ka baxsanaaya si kaftan u eg u yiri, “Kaalay adiga yaa kuu doortay in aad noqotid qareenka u dooda xaawaley oo dhan?”

“Anigu waxaan xanaaqaa marka aad hablaha wada dhaleecaysid.”

“Ma diiddani in ay jiraan qaar badan oo wanaagsan, adiguna ha diidin in ay jiraan rag wanaagsan oo gabdhahooda daacad u ah.”

“Waa hagaag.”

“Haddaba kuwaasaan ku jiraaye iskaaya bar saaxiibtaa Maana-Faay.”

“Iga ballan qaad in aad ka dhiganaysid gabadhaadii mustaqbalka.”

“Waa kaa ballan qaaday, haddii aysan ku dhicin imtixaankayga.”

“Imtixaankaas waa in aan anigu kula saxaa: immisa maaddaad ku imtixaamaysaa?”

“Taasi waxay ka mid tahay sirta imtixaanka, mana bannaana in ardayda loo sheego.”

“Laakiinse anigu ma ahi qoftii la imtixaamayey.”

“Ardaydaad ka mid tahay.”

“Sidee uga mid ahay?”

“Maadaama aad gabar tahay, ma bannaana in laguu sheego sirta ragga.”

“Nacallaa kugu yaal, dhiiglaawe! War walaashaa waa lala socodsiiyaa sirta ragga, si ay uga digtoonaato shirqoolladooda.”

“Cidna la socodsiin maayo sir laga yaabo in loo gudbiyo qofta aan khamaarka wada dheelayno. Walaashay waxaan la socodsiinayaa wixii aan danahayga halis gelinayn.”

“Sow ma ogid danaystennimadaasi in ay tahay midda lagu haaraamo imbiryaaliyadda?”

“Raalli ahow Sahra, ha igula hadlin afkii siyaasiyiinta. Waan ku ogahay in aad aqoon siyaasadeed leedahaye, ha naga fogayn arrintii aynu ka hadlayney. Ha i illowsiin Maana-Faay, caawa iyada uun baa ii darane; bilixsaanak gacan igu sii sidaan ku heli lahaa, ka dibna daneyste iyo imberyaaliiste waxaad doontid igu magacaw.”

Intay qosol yar ku dhufatay bay kaftankeedii sii wadatay, ee tiri, “Laakiin walaalle, diyaar uma ahi in aan noqdo daba dhilifka imberyaaliistuhu ugu adeegto dibindaabyaynta dadyowga!”

“Adigu laakiin intaad imberyaaliistaha iiga dhigaysid maad iga dhigtid shacbi xuquuq ka maqan u halgamaaya, waajibkuna yahay in taageero loo fidiyo? Miyaanan xaq u lahayn in aan u halgamo sidii aan ku heli lahaa jeexayga maqan, macaantayda qarsoon, gacaladaydii nolosha ila wadaagi lahayd, gacanna iigu jirin?”

“Haa. Haddaad qumman tahay, ii dhiib gacanta!”

— 4 —

Axmed Jaamac farxad buu gurigii Sahra kala dheelmaday. Ceel Gaab buu lug ku tegay. Dad meel tuban buu is dhex taagey. Dadku marba dhinac bay u yaacaan. Intii laga orod badiyaana ka soo noqonayeen iyagoo caga jiid ah. Gawaari iyo dad fara badan baa is dhex wiriiryaamaya. Mar dambaa tagsi meel ku dhow istaagay lagu firdhaday. Firdhadkii buu geestiisa ka raacay. Tagsigii oo Axmed iyo saddex kale xambaarsan baa jidka Hodan afka saaray. Saddaxda kale rag iyo dumar waxay ahaayeen Axmed ma eegin. Meel la soo maray iyo meel la joogo isagoon la socon, ayuu ku war helay tagsigii oo taagan iyo gabar isaga iyo nin kale dhex fadhiday oo ku leh, “Iga raalli ahow walaal, ma ii bannayn karaysaa, si aan u dago?”

“Haa. Haa. Soo dhawow walaal!” ayuu ugu jawaabay isagoo sii degaya. Markuu dhulka tegay buu hareeraha eegay, mise meeshuu ku degi lahaa waaba la soo yare dhaafay. Tagsigii kuma laabane jeebkuu gacan u diray. Wixii uga soo baxay buu wadihii gacanta soo taaganayey sacabka ugu shubay. Baaqina kama sugine dib buu u dhaqaaqay.

Jidcaddaha guriga shaqaalaha ka sokeeya ayuu kor ula weecday. Dukaan macdaar ah iyo saddex albaab oo la safan buu dhaafay. Sar aan midabkeedu muuqan oo wax laga guuray u eg buu ag maray. Guri dhinac cariish ka ah, dhinacna dhagax ayaa bidixda ka qabtay. Wuu ka gudbay. Sar cad oo jaranjar afar tallaabo ah leh ayaa ka hor timid. Intuu jaranjartii yarayd afartii tallaabo ku koray buu sarta iridkeedii garaacay. Albaabkii buluugga ahaa waa furmay. Qofkii ka furay isagoon eegin buu intuu gudaha u sii gudbay saddex qol oo dhanka midig ka soo safanaa kii u sokeeyey is hortaagay. Intuu fure jeebka kala soo baxay buu albaabkii gudaha u celiyey. Mugdi cabsi leh baa ka hor yimid. Batoonkii nalka daari jiray buu taabtay. Weli waa mugdi. Waa maxay mushkiladdaani? Nalkii maxaa ku dhacay? Hadda uun buu gartay meesha uu joogaa in ay gurigiisii tahay iyo in nalkii xalay ka gubtay.

Markuu Sahra ka soo dhaqaaqay ayay xusuustiisu ku furfurtay filimo ku kaydsanaa. Dhawr filim baa midba mid u dhiibay. Waxaa ugu horreeyey la kulankii Maana-Faay iyo qorshaha uu u dajin doono soo gacan gelinteeda. Waxaa ku xigey dooddii ku saabsanayd ragga iyo dumarka ee Sahra Yuusuf ku furtay.

Taasina waxay u sii gudbisay dood hal sano ka hor dhex martay isaga iyo saaxiibkii Kulmiye, oo ka mid ahaa dadkii ku soo dhaweeyey gegida maalintii uu dalka ku soo laabtay. Maalintaas isaga ayaa marti qaaday, ka dib markii uu waalidka uga fasax qaaday. Qadada ayay ku dul sheekaysanayeen. Markii iswaraysigii guud u dhammaaday, ayuu Kulmiye saaxiibkii ku yiri, “Axmed ilaa caawa aniga ayaad ii casuman tahay. Hadda markaan qadada ka kacno waynu fariisanaynaa.”

Axmed ma fahmin wuxuu ula jeedo fadhiga, si aan toos ahayn buu u waydiiyey ee yiri, “Xaggee fariisanaynaa?”

“Waxaa la inoo goglayaa guryaha aan fariisto kan ugu heer sarreeya, hablo yaryar oo dhaylo ahna waa la inoo diyaarinayaa. Adigu caawa waad iga nasiib wanaagsan tahay, waayo gabdhaha Xamar waxay kuu yeelanayaan dhadhan xiisa leh, maadaama aad sanooyin badan ka maqnayd. Caawa xaalkaagu waa hawo gaddis.”

Axmed markaas uun buu gartay saaxiibki fadhiga in uu ula jeedo qayilaad. Weligii fadhi qaad kama qayb galin, dhegtase wuu ka maqli jiray “Waa la geerasheeyaa.” Intuu sidii nin aan casumaadda noocaasa u riyaaqin yare aamusay, buu yiri, “Mahadsanid saaxiib. Laakiin aan su’aal ku waydiiyo, haddii aynu hablaheenna dhaylada ku burbursanno xaggee baynu berri ka heli doonnaa kuwo nolosha inala qaybsada ee ubad nala korsada?”

“Dumarku way badan yihiin,” buu ugu jawaabay.

“Dumarku way badan yihiin, waa run, laakiin ragguna way badan yihiin. Haddii nin walba tii uu soo gaaro habeen dhaxmo ka dhigo, xaggee bay ku badbaadayaan bay kula tahay kuwii xaaska noo noqon lahaa?”

“Xaas iyo carruur iyo baddaasba maxaa ku geliyey, adigoo heli kara inaad habeenba tii bilicsan la tumatid? Sow nacasnimo maaha in aad ikhtiyaarkaaga xabsi isku gelisid? Xaggee jirtay iyo, ilmaa jirran iyo, adeerkay baa miyi ka yimide wax soo sii iyo, dhibkaas maxaa kuu geynaya?”

“Ma waxaa kula toosan in guurka la iska daayo oo ay bulshadu jaantaa rogan isu dhex yaacdo, sida xoolaha?” In yar buu hadalka hakiyey isagoo Kulmiye wajigiisa ka eegaya raadka su’aashaasi ku reebtay. Markuu arkay in uusan kala jeclayn, jawaabna soo wadin, ayuu sii watay, ee yiri, “Noloshu waa saxan macaan oo loogu tala galay in laba qof wada ciyaarto. Keligaa taango ma ciyaari kartaa? Haddii kale waa doonni ku dhex socota bad-weyn darbad xoog lihi ka dhacayso. Doonnida keligaa wad haddaad tiraahdana baddu way ku liqaysaa.”

“Adeer taasi,” Kulmiyaa ka qabsaday, “Waa falsafaddii ay noo sheegi jireen buugaagta iyo filimadu. Adiga waa lagaa waaya-aragsan yahay. Qofka aad tilmaamaysid, haddaad maanta raadisid adigaa gidaar madaxa ku dhufan. Xaqiiqada jirta annaga naga warayso. Dumarka hadda jooga doonni ay kula wadaan iska daaye, iyagaa darbad kugu noqonaya, doonnidana kula qalibaya. Markaad badda ku dhacdidna kaaga tagaaya.”

“Saaxiib dumarka fikrad xun baad ka haysataa fikraddaas wax ka baddel baan ku oran lahaa, ugu yaraan kala reeb dumarka, illayn isku mid ma noqon karaane.”

Intuu isu qoslay buu yiri, “Hadda waxaan kaa celinayaa gabdhaha maanta jooga guurkooda miyaa? Kuu daayey, waxaad ka heshana ha ila soo marin.”

“Guurku hadduu xun yahay, maxay tahay sababta la isu guursanayey ilaa waagii ifka la uumay?”

“Sabab kale ma aha e, guurku waa sida gabowga iyo geerida, si kastoo aad uga carartid, waa kii marka dambe dabinkiisa kugu rida, mar haddaad ku dhacdidna ka bixiddiisu ma sahlana.”

Axmed iyo Kulmiye dooddii aad bay ula dheeraatay, waxay kala taagnaayeen laba gees oo aan isu imaan karin. Da’ ahaan Kulmiye in yar buu Axmed ka weyn yahay, aad buuse uga buuran yahay. Yaraantoodii isku dugsi bay ahaan jireen. Laakiinse markuu dugsiga dhexe laba sano ku dhacay, ayaa aabbihii wuxuu ku qoray jago waxbarasho oo Talyaanigu dawladda Soomaaliyeed ugu deeqay. Aabbihii waqtigaas wuxuu ahaa mudane baarlamaanka ku jira. Intii uu Itaaliya joogay waqtiga badankiisa wuxuu ku dhammaysan jirey makhaayadaha khamriga lagu cabbo. Cidda qura ee uu xiriirka joogtada ah la lahaa waxay ahayd dhallinyarada sidiisa isma lurayaasha ah, rag iyo dumarba, siiba dumarka oo uu aad u daneyn jiray.

Lix sano ka dib ayuu Xamar ka soo degay, isagoo sheeganaya inuu yahay dhaqaaleyaqaan. Way jirtaa in uu lixdaas sano ka tirsanaa ardayda kulliyadda dhaqaalaha ee Jaamacadda Rooma, laakiinse Allow yaraa waxa uu ka yaqaan cilmiga dhaqaalaha. Waa ciyaal-furuntajeer raaxo lagu soo koriyay. Waa shabeel-naagood tumasho jecel. Wuxuu had iyo jeer ka sheekeeyaa gabar ay saaxiib ahaan jireen oo markuu jeclaaday nin kale ka raacday. Dib dambana naag uma aaminin buu yiraahdaa. Sheekadaas inta ka run ah lama oga, waxaase la og yahay hablaha uu hadda arko xiriirkana la yeesho, inay yihiin nooc gaar ah. Waa kuwo balwadu isu keentay. Wuxuu arkaa iyagoo marba ninkii baabuur cad soo ag qotonsada horay ka raacaya. Kii ay xooxda hore ka ritaanna ku oranaya faraskaagii laga badi! Waxaa ku jira kuwo la qabo oo gurigooda marwo sharaf leh looga yaqaan, qaar makhabiyad ahaan loo ilaashado iyo ciyaal-iskuul ciddoodii u haysato in ay dugsi ugu maqan yihiin.

Qorshaha tumashada iyo ugaarsiga dumarku, Kulmiye waxay ugu jiraan hawlmaalmeedkiisa caadiga ah. Ma jirto maalin uusan dabin dhigin iyo habeen uusan bad ku dhex jirin. Canaan joogta ah ayaa eheladi ka soo gaarta, qaarkoodna way ku kala go’een.

Haddaad la sheekaysatid caqli iyo cilmi midna kugu biirin maayo. Waxaad is-oraneysaa waa carruur raad weyn. Waxa qura ee uu si khabiirnimo ah kaaga warrami karaa waa arrimaha dumarka iyo borotokoolka tumashada. Haweenay ifka saaran uusan shabaqiisa soo gelin karin inay jirto lama aha. Tii uu la dhaco jidkana ha ku arkee kama daba haro, wax kasta ha ku qaadatee. Ma kala jecla in ay nin leedahay, in ay carruur tahay ama waayeel tahay, in ay xigto yihiin iyo in kale midna.

Wuxuu qabaa hadduu guursado, xaaskiisu in ayan isaga ku ekaanayn, ee suuq madow geleyso, qudhiisana ku filnaan karayn, ee uu dhaqso uga xiiso dhacayo, meel kalena u oggolaanayn, halkaasna dagaal iyo muran joogto ahi ka billaabanaayo. Guurka sidaasuu ku nacay, saaxiibbadiisna uga waaniyaa. Hase yeeshee Axmed Jaamac diyaar uma ahayn in uu waanadiisa qaato. Isaga guurku wuxuu la ahaa shay muqaddas ah, wax ka sheeggiisana waa dhibsanayey.

Muddadii uu dibedda wax ku baranayey, inkastoo uu la saaxibay gabdho badan oo u dhashay dalkii uu wax ku baran jiray, haddana wuxuu ku riyoon jiray, khayaalkana ugu sawirnayd gabadha Soomaaliyeed ee uu guursan doono, markuu dalkiisii ku laabto iyo carruurta ay u dhali doonto. Guurku hammigiisa aad buu ugu weynaa. Xataa tirada carruurta iyo magacyadooda waa sii diyaarsaday: Maxamed, Faadumo iyo Cali ayuu qorshaystay.

Axmed in kastoo uu hablaha iskala baashaalo haddana reero tumasho ma aha. Wuxuu ku soo koray qoys sabool xigeen ah oo carruur badan. Aabbihii Jaamac-Dhegey, inkastoo uu hadda ladan yahay, shaqada dawladdana jago wanaagsan ka hayo, laakiin carruurta wuxuu ku soo koriyey saboolnimo. Markii Axmed waxbarashada dibedda ugu baxayey, odaygu wuxuu ahaa shaqaale caadi ah oo mushaar aan badnayn qaata.

Axmed Jaamac isagoo sariirta ku gadgaddoomaya ayuu arrimahaas oo dhan soo xasuustay, wuxuu barbar dhigay labadii doodood ee midina hal sano ka hor dhex martay isaga iyo saaxiibkii Kulmiye, midina caawa soo dhex martay isaga iyo ina eeddadii Sahra Yuusuf.

Kala fogaa maskaxdii uu ku fekerayey hal sano ka hor iyo tan maanta ku jirtaa. Badanaa waxa ay ku kordhisay waaya aragnimada iyo dhex galka bulshadiisa. Wuxuu garwaaqsaday sannadkaas oo qura waaya aragnimada u korortay in ay ka badan tahay tii uu dhaxlay dhawr iyo tobankii sano ee ka horreeyey.

Sannadkaas ka hor intii uu garaadsaday wuxuu ku dhex jiray nolol ardaynimo. Siduu u ahaa arday ka dhaxeeya dugsigiisa iyo gurigooda ayuu dibedda u baxay, inkastoo uu la kulmay duni ku cusub iyo bulsho qaab-nololeedkeedu ka duwan yahay tiisii, haddana noloshii ardaynimada ayuu weli ku dhex jiray. Hadda uun bay la noqotay in uu dadkiisa iyo dabeecadahooda indhaha ku kala qaaday, waxaa kulmay isagoo noloshii ardaynimada ka baxay ee bulsha-weynta dhex galay xilna fuulay iyo isagoo ka qaan gaaray xagga da’da, xagga garaadka iyo xagga aqoontaba.

Waaya aragnimada u korortayse maskaxdiisa kama doorin mashruucii guurka, laakiin qoftii la dhisi lahayd weli gacan uguma jirto, ilna ma saarin. Gabadhiisii riyada ee maanka ugu sawirnayd, muuqaal ahaan waxaa ula dhow Maana-Faaydii uu caawa arkay; mudasho ahaanse ma oga waxa ay noqon doonto.

Xubinta 3aad

— 1 —

Xaafaddani weli waa sideedii: luuq-luuqyadii isu wada ekaa iyo sarihii gaboobay ee la mooday in uu isku fuundi dhisay, fuundi aan ahayn kuwa hadda jooga ee farshaxanka yaqaan, xisaabtana ku darsan in loo baahan doono waddooyin baabuurtu maraan, iyo dariishado ay ka soo galaan neecawda iyo iftiinka qorraxdu. “Laabkani sow ma ahayn kii gurigooda looga weecan jiray? Sug. Aaway? Sax. Sax! Waa isagii. Waa kaas masaajidkii gaboobay iyo macdaarkii ka sokeeyey!” Sar weyn oo rinji iyo nuuradba ka arradan bay is hor taagtay. Jaranjar dheer oo dhinacyada ka ilka dhacsatay bay kor u raacday. Dabaqa saddexaad markay joogto, ayay albaab furan gar-garaacday.

Maana-Faay oo dadka daaradda fadhiya ku jirtay baa farxad kala hor timid, iyadoo leh, “Weey Sahra! Ii warran abbaaye, yaa kaa roon maanta waa soo dheeraatay?” Waa la is dhunkaday, si diirran bay u soo dhaweysey. Maana-Faay qolkeedii baa la fariistay, sheeko dheer baa la galay. Sahra mar kasta waxay ku dadaalaysey sidii ay majaraha sheekada ugu duwi lahayd meel uu ka furmi karo irid doqon-ma-garato ah oo ay ka gasho arrintii ay meesha u timid. Ugu dambeyn irridkii bay heshay; waxay furtay baabka dhallinyarada iyo jacaylka. Maana-Faay way la qabsatay, wayna ka heshay. Wax laga sheekeysto oo ay ka jeceshahay baanba jirin.

“Adigu waligaa wax ma jeclaatay mase lagu jeclaaday Maana?” Sahraa waydiisay, markay soo gaartay waqti ku habboon.

“Allaheey ka alle.”

“Hadda nin ku jecel oo kuu dhimanaya hadduu kuu yimaado, maxaad samayn lahayd?”

“Waa soo dhaween lahaa, see waaye.”

“Haddaba anigu waxaan arkay nin indhihiisa kaa jeeel, meel uu kaala hadlana waayey; adigay ku jirtaa saad yeelaysid.”

“Ha is martiyayn dheh, gacmo furanaa lagu soo dhaweehaa.”

Markay saas leedahay waxay u malaynaysaa hadal iska kaftan iyo maaweelis ah, waxay is lahayd kaftanka sii macaani. Markiise Sahra hadalka kaftankii ka saartay, una tustay arrin dhab ah, Maana-Faay way soo giiratay. Intay qosolkii iyo codkeedi macaanaa baddashay bay tiri, “I iih! Abbaay ani jeceel-jeceel iyo nin-nin shaqadayda ma eh.”

Sahra Yuusuf siyaalo kala duwan bay isugu dayday in ay Maana-Faay ra’yigeeda beddesho, ee wax la qabato ninka ay ugu warrantay waa ku jeclaaday.

“Xataa hal mar iska arag,” bay ku tiri, “Hadduu ku cajabin waayana runta u sheeg ha igu daalin dheh, si uu u quusto.”

Markay fikraddaas u jeedineysey waxay is lahayd mar uun iska hor keen, ka dib isagaa maskaxdeeda baddeli doonee. Waxay ugu tilmaantay nin qaali ah oo aan noociisa la heli karin, dhan kastoo laga eego, uma sheegin ninka ay sheegaysaa in uu yahay Injineer Axmadkii ay habeenkii dhaweyd aragtay. Waxay u gashay faallo dheer oo ay jacaylka u tusayso wax la caabudo oo aan noloshu la aantii qiimo lahayn. Waxay uga sheekaysay dhallinyaro is jeclaatay, ka dibna is guursaday, noloshoodiina ku dhammaystay farxad joogto ah. Waxaasoo dhammi waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay. Maana-Faay dhegahay ka awdatay, diidmo qayaxan bay isla soo taagtay, sabab cadna uma sheegan wadeydeed.

Wanaagsanaan lahaydaa in ay shaaca uga qaaddo in Iikar loo caleema saaray. Alaabtii arooskeeda la diyaariyey, aqalgalkeedana lala sugaayo muddada gaaban ee ka dhimman xiritaanka dugsigeeda. Arrintaas Sahra lama socodsiin, si kale uga qarin mayne sheeg-sheegiddeeda iyo hadal haynteeda oo dhan bay neceb tahay. Xataa marka ay nafsaddeeda kala sheekaysanayso way ka khashaaftaa, ma jecla in ay soo xasuusato guurkaas. Waxay isku daydaa in ay is-illowsiiso. Ra’yiga Sahra u soo jeedisayna, sidiisaba uguma muuqan mid istaahila xataa sabab lagu diido in la sheego. Iyadu in ay garaysato iska daaye, wuxuu la ahaa gef aan Sahra qudheeda ku habboonayn, kana qaban in ay ula timaaddo.

Allow qof aan wax ogayn ha cadaabin! Yaa u sheega in ay arrintu intaas ka khatarsan tahay, in ay la socodsiintaasi noqon lahayd gaashaanka qura ee ka badbaadin kara dhibaato weyn oo u soo dhakanaysa! Mushkilad ballaaran oo ay ula soo gurguuranayaan maalmaha ku soo socda!

Sahra haddii ay arrintaas ogaan lahayd, way isku yaxyixi lahayd. walaalkeedna ku oran lahayd, “Oday candhuuftaada dib u liq.” Laba goorraba isku yaxyaxday, uurkana ka gubatay, markay aragtay raadka hadalkeedii ku reebay wajiga Maana-Faay. Waxay aragtay yartii oo baddelantay, sheekadii iyo qosolkii goosatay, indhaha ay ku eegaysana la moodo in ay leedahay, “Oo galabta sababtii aad iigu timidba ma waxay ahayd rufyaannimadaas?” Su’aashaas ayey Sahra ka akhrisatay indhaha Maana-Faay. Markaasay bisad iskala yaraatay, kana shallayday warkii ay soo jeedisay, booqashadeedii galabta, ballantii ay Axmed ka soo qaadday iyo waliba yeeriddii ay Maana-Faay gurigeeda ugu yeertay subaxdii ay ku kulmeen Shaneema Xamar horteeda.

Aad bay ugu carootay walaalkeed Axmed Jaamac iyo nafsaddeedaba. Bal eeg iimaanka-Alla-ka-qaadkaasi ceebta uu qoorta ii geliyey. Aniguna tu ma ahiye maxaan uga yeelay wax aan shaqadayda ahayn! Naagnaagtiisana ma aqaane, hadduu doono weligiisna yuu guursan, ubadna dhaline, sidee anigu sharaftaydii ku soo ceshan karaa! Yaa ii soo celiya warkaygii iga khasaaray. Maansha la yiri hadal wuxuu ammaankaa yahay intuu uurkaaga ku jiro. Qiime kasta waan ka bixin lahaa, haddii warkii iga baxay dib la iigu soo celinaayo. Waatanaa yartii galabta xushmadda iyo farxadda igu soo dhaweysey kalsoonidii iyo ixtiraamkii ay ii haysey, dariishadday ka tuurtay. Dadkoo dhanna way u sheegi doontaa, indhaheedaanba ka arkaa. Ha u sheegto waxay u sheegayso, maxaa iga galay, ma awel baan meelahaan isbaranso ka lahaa! Iyaduna hadda ka dib way i yasaysaa, igana go’aysaa. Khasaaro! Maxaase kaa galay, iyadaa istaqaan. Guriga sidee uga baxaysaa ceebtaada? Allahayow maxaa iga qabsaday! Axmadow shaydaan kuu naaga doon, waan garanayey in uu jar iga tuuri doono! Sug hadda, maxaan ku maslaxaa? See waaye cunugtaan ciyaal-maamada ah oon cir iyo dhul kala aqoon miyaad ka caqli badin wayday?

Sahra dhawr ilbiriqsi bay isla hadalkaas sii wadday. Waxay baadi goobaysay jar ay ku soo ceshato kalsoonidii Maana. Fikrad baa kadis ahaan ugu soo dhacday. Fikraddii baa aad u cajabisay. Farxaddii duushay baa wajigeeda ku soo noqotay. Intay qosol dheer oo lama filaana ku dhufatay, ee Maana bawdada ka dharbaaxday, daymo xiisa badan oo qosol wadatana ku jalleecday bay ku tiri, “Maana-Faay may ku dheheen! Galabta waa kaa raayey maahinoo Maana?”

Maana oo aan qosolkii uga dayan, qalbigeedase riyaaq aan badnayni soo galay ee intii hore uga dhow yahay ayaa tiri, “Maxaa jira?”

“Riwaayad fiican baan kuu dhigay nooh?”

“See camal?”

“Waxaan kuu sameeyey nin boqor ah, dabci wanaagsan, dhallinyaro ah, lacag badan leh, jago wanaagsan jooga, datoor ah.” Intay codkii si is yeelyeel ah qalbiga uga soo saartay bay ugu gabagabaysey, “Jacaylkaagana u dhimanaya.”

“Adlee maa ii samaysey, mise waa ninkoo run eh?”

Intay qosolkii dheeraa ku celisay, ee garabka shishe soo qabatay bay tiri, iyadoo sidii cunug la koolkoolinayo u ruxruxaysa, una soo dhaweynaysa, “Masaakiin Maana Caddey!” Intay ruxruxiddii ka daysey ee wajigeeda toos u fiirisay bay u raacisay, “Ma u malaynaysaa adduunka maanta la joogo in laga helo nin tilmaamahaas oo dhan ku idil yihiin, wax dhaliil ahna lahayn?”

“Ani maxaan ka ogahay, adlee warka ma keeninoo?” bay tiri Maana, iyadoo kala garan la’ wax ay rumaysato iyo wax ay beensato.

“Adiga waxaa la rabay in aad i tiraahdid: Malaa’ig miyaa ninkaan aan haba yaraatee wax nusqaan ah lahayn, ee isku darsaday dhallinyaronimo, qurux, jago weyn, lacag, dabci-wanaag, jacayl loo dhimanaayo oo uu kuu qabo, xaggee lagu arkay taasoo kale?”

“Hadda been waaye miyaa?”

“Nin la sameeyey uun baa tilmaantaas ku imaan kara.”

Iyadoon weli qalbigeeda shakigii ka bixin qosolkiise lagu daartay oo wajigeedii furfurtay bay tiri, “Ad laakiin seed ku keentay inaa been ii sheegtid?”

“Xalay baan,” Sahraa bilawday, iyadoo kursigii ku dhacdiidsanaysa, “Filim Hindi ah galay nooh. Marka atooraha aad buu u jeclaanayaa atarijada, iyaduna ma oga. Marka dambaa atarijada loo sheegayaa in uu jecel yahay, laakiinse ka cabsanayo. Way diidaysaa, waxaa la leeyahay: Hooy yaan nabsi ku helin.”

“Iihi, iidna maxey dhehee?”

“Way baabi’inaysaa, laakiin marka dambe nabsigii baa helaya, iyadii baa soo jeclaanaysa, isagoo naag kale guursaday, markaasay dhibaato badan la kulmaysaa. Waxay ka shallaysaa diidmadii ay markii hore diidday.”

“Us weli waa jecel yahay maahinoo?”

“Maya, isaga jacaylkeedii waa ka baaba’ay. Bax buu dhahayaa.”

“Miskiin, iihi?”

“Iihi dambe maa jirta, xariifaddaan waa u dhammaataye! Alloora atarijada adigay kuu ekayd nooh. Markaan ku arkay baan filinkii soo xasuustay. Waxaa i gashay inaan kaaga sheekeeyo filinkaas, haddana waxaan is-iri bal tijaabi Maana waxay samayn lahayd, hadday gabadhaas meesheeda joogi lahayd. Hadda waan ku arkay atarijadaas camal baad tahay.” Markay halkaas maraysey bay intay si xiisa leh u fiirsatay, ee dharbaaxo yar oo ciyaar ah ku dhufatay, iyadoo qoslaysa u raacisay, “Qalbi dhagaxaa tahay. Ma naxaysid haye?”

Intay markeeda qosol ku dhufatay, dharbaaxadiina tu la mid ah uga jawaabtay bay tiri, “Ar adigaa! Sahra may ku dheheen. Ad khabrigaa ma qodmaayo!”

Sahra way qososhay, Maana way u jiibisay. Waxay moodday in ay iyada u qosleyso, kaftankii ay ku tuurtay awgi. Yaa u sheega in ay iyadu isu qoslayso, in ay isugu hambalyaynayso indha sarcaadinta ay ku guulaysatay, goolka ay dhalisay, godka ay ka baxday, gabadha ay ka caqli badisay!

Hortii waxay u mintidaysey sidee mar godka uga baxdaa ee sharaftaadii u soo ceshataa? Haddase markay taas ku guulaysatay fikrad kalaa ku soo dhacday. Farxaddii baa hididiilo cusub ku dhalisay. Waxay dib u haweysatay in ayan sahalkaas uga harin hawshii weynayd ee ay meesha u timid.

In ayan guuldarradaas kula noqon walaalkeedii ay ballanta ka soo qaadday. ’’Waddooyinku mid keliya ma ahee, taasi hadday soo xirantay maad tu kale ku tijaabisid,” bay is-tiri. Afka way ka sheekaynaysay, uurkana way ka fekeraysey, ugu dambeyntii fikrad cusub bay heshay. Waa in ay horta sheekada baddeshaa, saxan cusub u saartaa, waxaan oo dhan illowsiisaa, bad kale dhex gelisaa. Markay is-illowdana filinka dhanka kale ugu rogtaa.

Saxankii cusbaa bay u saartay. Sheeko maanta wargeyska lagu soo qoray falanqaynteed bay u gashay. Riwaayad galabtaas ii dhehdeeda raadiyaha laga sii daayey bay u ammaantay. Dhar moodo ah oo soo degay bay la socodsiisay. Barafuun armaajada u saarnaa bay intay soo qaadday su’aalo ka waydiisay. Mid ka dambeeyey, kana wanaagsan bay u tilmaantay, markay u hiyi kacdayna ka ballan qaadday in ay siin doonto. Maana farxad iyo raynrayn bay wararkaas oo dhan kula qabsaneysey, ku soo dhaweynaysey, su’aalo uga dhiibaneysey, ra’yi ugu darsaneysey, ugu sii malabsanaysey, u hanqal taagaysey in loo wado.

Sahrase markay ujeeddadeedii ka gaartay bay intay saacadda eegtay saaxiibteed ku tiri, “Maana waan daahay, waan baxayaa marka, kow dheh; maxaa inoo ballan ah, goormaan is arkaynaa?”

“Adlee ii imaaw,” bay si daacadnimo ah ugu jawaabtay.

“Waa yahay, laakiin Jimcadaan anigaa ku casumaaya. Ka dibse anaa kuu imaan doona.”

“Abaay an bixbixid ma la ii oggolee, ma iga dhaaftidoo, adigoo mahadsantihid?”

“Micne ma leh macaanteey, ma soo daahaysid. Haddaad doontid maalintii iska joog, habeenkii lee isla cashaynaynaa. Makhribkii baad ii imaanaysaa. Markaan soo cashaynana anigaa guriga ku keenaya, isla fiidkii.”

“Waa yahay,” bay hoos u tiri, iyadoo laba laabootinaysa.

— 2 —

Sahra waxay toos u aadday gurigii Injineer Axmed Jaamac. Laba tagsi bay isku beddeshay. Guriga shaqaalaha sokadiisay ku dagatay. Jid caddihii bay kor u raacday, iyadoo saanta boobaysa, sidii qof qayla-geys ah. Saddex daqiiqoo socod ah ka dib waxay midigteeda ka aragtay sartii caddayd ee iridka jaranjarta yar ku lahayd. Qolka geeska midig iridkiisa bannaanka xiga ayey indhaheedu u gudbeen. Waxay ka baqaysay in uu weli maqan yahay waqtigaas fiidka ah. Nasiib wanaag, nalkii waa daaran yahay, isagoo sariirta dusheeda wargays jiifka ku akhrisanaya, ayuu albaabka ka maqlay gargaraacid aan xoog badnayn.

Wuu yaabay, yarna farxay. Waqtigaas cidna filan-mayn. Garey saantaas fudud iyo gargaraaciddaas dabacsani in ay dumar tahay. “Fiican!” buu is yiri, isagoo shaati gashanaya, ”Qoor iyo xero waad u baahnayd mid ku maaweelisa inta hurdada la gaaraayo.” Sakatuuradii buu fag siiyey isagoo wajigiisa bashaashnimo ku baraarujinaya. Markuu aqooday bay bashaashnimadii ka didday.

”Waa mid aan wax ii faa’iideynayn!” buu uurka iska yiri. Afkana “Jaaw Sahra!” buu si aan diirranayn uga yiri.

“Jaalle Jimcada is diyaari,” bay hadal uga bilowday, iyadoon salaantii ka qaadin. Hurdadii iyo caajiskii intay ka duuleen, ee farxad kadis ah la soo booday buu yiri, “Warka i sii hee, meeshaad iga jirtid in qof iga jirto horaan u ogaaye!”

“Adeerow waxba ha i masaajayne, qoftii way ku diidday.”

“Hadday i diiddana laf dheeri i jabi maysee warka ii faahfaahi,” buu ugu jawaabay, isagoo is-doqon diidsiinaaya, eraygaas dambana dareenkiisa raad xun ku reebay. Intay kursi qori ah oo miiska uu wax ku qorto hor yiil xagga sariirta u jiidatay, kuna fariisatay bay xog warrankii u bilowday.

Isaguna intuu sariirta salka saaray buu ka soo hor jeestay. Waxay uga warrantay sidii ay maanta uga kor wareegtay, diidmadii ay muujisay iyo ballantii shir-qoolka ahayd ee ay ugu dambeyntii u soo dhigtay.

“Hadda maxaa tala ah?” ayuu waydiiyey, isagoo hima jabsan oo astaantii farxaddu wajigiisa ka tirantay.

“Si aan toos ahayn baan kuugu balballaminayaa, inta ay kugu qala goynayso, ka dibna adigay ku jirtaa xeeladaha aad ku soo jiidaneyso.”

“Hadda Jimcada maxaynu samayn doonnaa, taasaa ugu muhiimsane?”

“Waxaan u casha gaynayaa Jungal; Cabdinaasirna waa la socodsiinayaa, afarteennaa is raacayna.”

“Baraafo, aabbahaa baa talin jiray!”

— 3 —

Maana-Faay marna ma filayn cashadii Sahra ku marti qaadday in niman kala qayb geli doonaan, mana is lahayn dibeddaa loogu safrayaa. Laakiinse hadda maxay samayn kartaa waa tanoo dabinkii loo dhigay bay ku jirtaaye? Kooxdii bay dhex fadhidaa. Talo fara uguma jirto. Fatuurad cad oo kuusan, Volks Wagen, bay dhex fadhidaa. Daaqad dhidban iyo nin dhaarsan baa dhinacyada ka xiga. Saaxiibteedii soo marti qaadday meel dheer kama jirtee, horteeday fadhidaa. Waa taas marna Cabdinaasir la fara-ka-cayaaraysa, wiilkaas buuran ee bashaashka ah baabuurkana daadihinaaya, marna intay dib u soo jeesato dadka oo idil kaftanka u qaybinaysa. Kaftankeeduse Maana u dhadhami maayo. Markay soo eegtaba indhahay ku canaananaysaa. Sidii iyadoo leh, “Casumaaddii saan mey aheyd?” Iyana ogaan bay isu dhaafinaysaa. Maana weli waxaa ku dambeeya raadkii carada dahsoon ee ay dareentay markii intay daaqadda ka furtay kursigii dambe ku soo dhawaysay, iyaduna kan hore wiilka buuran dhinac fariisatay. Waxay ka filanaysey in ay iyada la fariisato.

Daqiiqado ka dibna war cusub baaba yimid. Nin baa intuu baabuurkii soo galay si aan gabbasho lahayn u soo dhinac fariistay, isagoo cod macaan ku leh, “Jaaw Maana!” Iyadoon raalli ka ahayn bay salaantii ka qaadday. Ninku mid ku cusub ma aha. Waa wiilkii dhuubnaa ee habeenkii dhawayd ugu soo galay guriga Sahra ee la is baray.

Isagu wuxuu ula hadlayey sidii dad aqoon wanaagsan isu leh; iyaduse waxay uga qaloonaysey sidii nin ay caawa isugu hor tahay. Wuxuu la noqday cabsi weyn oo cawadaas la soo daristay. Qudheedu way is-kula yaabban tahay cabsida noocaas ah. Jawiga oo dhan baa ula muuqday mid khatari ka soo guuxayso. Waxay la ahayd in ay ku jirto riyo argagixiso leh.

Axmed intuu kursigii ku dangiigsaday, ayuu sheekooyin guud oo yaryar isugu badbaddelayaa, sidii nin albaab xiran marba fure ku tijaabinaya, uurkana wuxuu ka lahaa, “Caawa waa inaan noqdaa jilaa xariif ah.” Iyaduna in kastoo ay ka durugtay, haddana way ka war guraysey, marba soo yare jalleecaysey, markii indhihiisu ka hor yimaadaanna ka sii jeesanaysey, ama hoos uga gabbanaysey. Waxay isku dayeysey in uusan ka garan cabsida ay ka qabto iyo welwelka maskaxdeeda ku rafanaya. Laakiinse ma ahayn wax qarsoomi kara. Wuu ku gartay, kuna dadaalayey in uu ka saaro.

Fatuuraddii kuusnayd weli Xamar bay dhex mushaaxaysaa, way isu war la’yihiin tamashlaha ay la af dhuublaynayso iyo utunta ku taagan inan uurkeeda ku dhex jirta. Markii hore dhawr jeer laab-laabatay. Ka dibna afkeedii toosyey, markii ay waddada Jeneraal Daa’uud cagta la heshay. Waqooyi bay afka saartay.

Waddadu dheeraa. Dhismayaashu badanaa. Beledku ballaaranaa! Maana-Faay way yaabtay. Waxaan dhan Xamar lee miyaa? Mise Afgooyihii la sheegi jiray baa la gaaray? Dadku tira badanaa. Waxaan oo dhan xaggee ku hoydaan. Xaggeese saacaddaan u kala ordayaan!

Iyadoo hagoogan bay marba isha hoos ugu xadaysey dadka waddada hareeraheeda is daba maraaya. Dadka wajiyadooda ku dhici kari mayn in ay eegmada u dhammayso. Waxay ka baqaysey in la aqoodo oo lagu qayliyo, farta lagu fiiqo, la iswada tuso, lagu wada qoslo. Qofkay eegtaba waxay moodaysey in uu keligeed daawanayo. Markaasay wejigeeda kala cararaysey, sidii ay dayn ka qabto. Carruur yaacyaacaysa markay aragto waxay ismoodsiinaysey in ay iyada ka daba orinayaan, ee ay leeyihiin, “Hayeey, waa ku sheegaa! Hayeey waa ku sheegaa!” Dadka waaweynna waxay la ahayd in ay il nac leh ku soo eegayaan, afkuna ka leeyihiin, “Saan maa kuu dambeysey Maana-Faay? Mar lee aan arko Xaaji Muumin iyo Aay-Caddeey!”

Fatuuraddii kuusnayd weli waqooyi bay u sii af-dhuublayneysaa. Dadkii way yaraadeen. Dhismayaashii way kala fogaadeen. Baabuurtii way kala go’een. Nalalkii way kala durkeen. Fatuuraddii kuusnayd weli way socotaa. Wuxu ma walaatay? Xaggee bay ku socotaa! Yaa u sheega in beledkii laga baxay. Aabooy. Aabooy! Beledkiiba waa laga baxay! Maana way is celin wayday. Horay bay u ruuqaansatay. Waxaa ku soo dhacday in ay Sahra soo jeediso ee dhegta wax ugu sheegto. Gacantii ay ku taaban lahayd bay diyaarsatay. Intaysan gaarsiin bay aragtay jidkii oo soo dhammaanaya. Dib bay u yar hakatay. Waxay is-tiri mar hadduu jidkii dhammaaday, dan baaba dib loogu noqon. Taas Alle ma aqbalin. Fatuuradda kuusani uma eka mid caawa dib u noqonaysa.

Waddo hor leh oo galbeed ka timid ayay bari ula weecatay. Wixii hore beenbeen. Haddaa duur cidla ah iyo mugdi dhab ah madaxa lala galay. Ibixiyow i bixi! Maana waa amankaagtay. Wadnaheedii orod waalan buu qabsaday. Qabow silloon baa jirkeeda wada saaqay. Afarta daan bay gowsaha is gashatay. Xataa wixii ay Sahra dhegta ugu sheegi lahayd way kari wayday. Ifka intay saarnayd waa markii ugu horraysay ee ay aragto duur bannaan oo aan nal iyo saro lagu ogayn. Duur ha ahaadee waa goorma? Waa habeen mugdi ah. Dad yaa kala jooga? Alla, Alla Alla! Ha soo xusuusin! Waa markii ugu horreysay ee ay raacdo baabuur aan tagsi ahayn oo ay saaran yihiin niman aan ehelkeed ahayn.

Niman dadow oo ay aragto in ay naag ahaan u wataan. Amar baa ku dhacay! Abaadirow soo aruuri inanta! Maana waxay noqotay sidii qof aan dabbaal aqoon oo intuu wiish dhulka ka dafay ku dhex riday doon badweyn kacsan dhex quudhaynaysa, aanna garanayn meel loo wado, goor doontu la jabi doonto ama xeeb geyn doonto.

Waxay soo xasuusatay sheekooyin ay ka maqli jirtay gabdhaha ay isku fasalka yihiin. Waxay uga sheekayn jireen baabuur lagu qaaday, wareeg laba-laba la isu raacay, casho lagu marti qaaday, guryo dhallinyaro oo la tagay, falaadyo meelahaas ka dhacay, iyo wax la mida.

Maana-Faay sheekooyinkaas dhegaysigooda aad bay u xiisayn jirtay, waliba dhawr jeer bay talooyin ku darsatay jar ay saaxiibbadeedaasi rag ku shirqoolayeen, una soo bandhigeen. Hase yeeshee waxay la ahayd in uu iyada gidaar weyni ka xigo ku kicidda falalkaas. Waxay la yaabi jirtay indha-adaygga iyo dhiirranaanta ay gabdhahaasi dheer yihiin.

Marar aan yarayn ayay qaarkood ka codsadeen in ay u raacdo meelo niman ku casumeen. Hase yeeshee mar walba way diidi jirtay, iyada oo iska dhigaysa qof is dhawraysa, ama waalidka ka cabsanaysa. Runtiise kama ahayn is dhawrid ee waxay ka ahayd il nugayl.

Waxaa ku adkayd in ay hal mar xarga goosato, ee u bareerto tijaabo ku cusub khatarteedana leh. Gabdhuhu markay arrimahaa qaarkood uga sheekeeyaan waano iyo dhaliil bay u jeedin jirtay, sidii qof waayeel ah. Markay ku gacan sayraan ee weliba iyada yasaan, badownimo iyo miskiinnimana ku tilmaamaan bay isaga aamusi jirtay. Markay kaligeed noqoto, way is ciil kaambin jirtay, kana masayri jirtay gabdhaha faceeda ah ee fariina la’aanta socda. “Ani maxaa faceeyga iga reebay?” bay isku canaanan jirtay, haddana is qaban jirtey ee hoos isu waansan jirtey.

Waxay socotaba waa tanoo caawa way ku dhex jirtaa tijaabadii halista ahayd. Iyadoon ku tala gelin bay moolka tagtay. Jasiiraddii ammaanka ahayd ee ay muddada ku noolayd bay habeen madow biyihii hareereeyeen, ee dusha sare uga baxeen, waataas mawjaddii sii sidata miskiintii Maana-Faay. Waataas fatuuraddii kuusnayd mugdiga iyo cidlada la dhex muquufaysa!

Muddo la sii mushaax. Mugdi la sii jibaax. Maana laga sii yaabi. Maaweelo lagu day. Miro looga dhalin waa. Mar dambay bidhaani muuqatay. Dhismo weyn oo nalal badan baa midig ka soo baxay, mugdigiina kala xiray. Maana way u riyaaqday.

Iyadoon is-ogayn bay su’aal la soo boodday, “Beledkaan intee waaye, tii oo Balcad la dhahaayey miyaa?”

Dadkii ay jawaabta ka sugaysay hal mar bay qosol ku wada dhufteen, sidii iyagoo hore ugu ballansanaa. Qosolkaasi Maana riyaaqii soo galay buu siqiir-suujiyey. Su’aasheedii bay ka shallayday. Waa waxay ka baqaysey in hadday wax sheegto lala yaabo. Waa waxay caawoo dhan la aammusnayd. Arrintuse siday moodday ma ahayn. Su’aasheeda saaxiibbadeed way u bogeen. Waxay u furtay irid ay ka soo geliyaan kaftankii ay la jeclaayeen. Saddexdiiba isku mar bay si xiisa leh u eegeen, iyagoo weli qoslaaya. Cabdinaasir baa hadalkii kula hor maray ee yiri, isagoo u hadlaaya hab-kaftaneedkiisii bashaashnimadu ku dheehnayd, “See waaye Maana! Adiga caawa magaalooyinkii waa isaga kaa khaldameen. Tan Balcad ma ahee Beled Weyne waaye!”

“Balcadlee maa la taagnaanaa intii aan caawoo dhan soo soconnay?” Sahraa tiri, sidii iyadoo dhammaystiraysa oraahdii saaxiibkeed. Markii qosolkii la kordhiyey, buu Axmed yiri, “Maya, maya. Balcad iyo Beled-Weyne midna ma ahee, waa magaalo cusub oo hadda la dhisay, welina magac loo bixin. Marka maadaama magaaladani nasiib u yeelatay Maana in ay noqoto qoftii ugu horreeysay ee aragtay, dadka kalana tustay, waxaan soo jeedinayaa in magaca magaalada loo bixinayaa noqdo ‘Maana-Faay’ guddiga sharafta leh ee caawa maxfalkaan isugu yimidna waxaan ka codsanayaa inay ra’yigaas igu taageeraan, go’aanna ku gaaraan, si aan jaraa’idka iyo idaacadaha ugu gudbinno.”

“Ra’yigaas sacab baan ku aqbalaynaa,” Cabdinaasir baa yiri, “Sababtuna waxa weeye magaaladani waa ka qurxoon tahay magaalooyinka kale, waad aragtaan nalalkeeda iyo fooqyadeeda muraayadaha ah. Sidaa darteed, waa in loogu magac daraa gabadha ugu qurux badan gabdhaha Soomaaliyeed.”

“Tee waaye taas laakiin?” Sahraa waydiisay, iyadoo garanaysa jawaabta uu bixin doono. Intuu garangartii baabuurka hal gacan ku reebay, tii kalena Maana-Faay dhabanka uga taabtay, isagoo si xiise leh u soo jalleecaya, ayuu yiri, “Yaa kale! Maana Caddeey lee ahaa! Yaa kula tartami kara joog iyo jamaal, Ilaahaa siistaye. Saas maahoo Maana?”

“Idinka in beledkaan ii sheegtiin lee nii warsaday, bad kalaaba ila gasheen,” Maana-Faay oo dhoolla-caddaynaysa, ayaa si farxad leh u tiri, ka dib markay welwelkii iyo walaacii hayey ku illowday kaftanka iyo koolkoolinta afarta dhinac laga soo geliyey.

Sahra oo rabtay in ay saaxiibteed sii raalli geliso, ayaa markaas tiri, “Gabadha beenta ha iiga dhumina, ii dhaafa saaxiibtay anaa dhulka kala baraayee. Maana kaa run miyaa? Inta ma garanaysidoo? Warshaddii Baastada lee maahoo?”

“Haah. Miyaa?” Maanaa ka daba tiri, iyadoo warshaddii oo lagu soo dhawaaday indhaha ku taagaysa.

Intay warshaddii indhaha ku sii taagaysey bay dareentay baabuurkii oo kor u leexday. Wixii horoo dhan bikh iyo bilaash. Haddaa la gacan galay. Laamigii laga bayray. Luuq-luuq dhir dhexdeed ah la qarda jeexay. Kayn jiq ah la dhex galay. In yar ka dib iftiin lama filaan ah baa mugdigii ka dhex bidhaamay. Waa iftiin yar oo casuus leh. Nal iyo faynuus midna laguma sheegi karo. Maana kud bay isku tiri. Waxaan camal weligeed ma arag. Waxaa ku soo dhacay cirfiidkii iyo waxyaalihii carruurnimadeedii lagu cabsi gelin jiray, ee ay maqli jirtay duurkay joogaan. Intuba inta ka dhakhsa leh. Meeshii bidhaamaysey waaba la yimid. Waaba daar dad ka hor muuqdo. Sar gaaban oo afarta jahaba irdo ku leh, ayaa kayntii madoobayd ka dhex dhalatay. Horteeda dab qoryo waaweyn lagu shiday baa dhawr goobood ka qaxmaya. Hareerahana dhawr ey baa unuunufaya. Hal ununufkii ka agab waayeyna dabkuu ag fadhiyaa. Waxaad mooddaa in uu dhaxan ka kulaalayo. Mase dhaxamaysnee, halkiisuu irsiq ku sugayaa. Agagaarka haddaad eegtide, inta yar ee dabku ifinayo dhaaftid, ishaadu waxay ku dhacaysaa dhir madmadow oo qofkii naf jecel cabsi gelinaysa. Haddaad sii dhaaf damacdidna gudcur madow baa ku soo celinaya. Markii Cabdinaasir bareeggii cagta saaray, fatuuraddii kuusnaydna istaagtay, bay tiri Maana, iyadoo codkeeda jiidjiidani caloosheeda walaacsan ka tarjumayo, “Abaay intana maxaa waaye?”

“Saaxiib waa Jungalka cusub,” Sahraa u jawaabtay. Cabdinaasir su’aashaas iyo jawaabtaas midna lama socon. Wuxuu la haystay wiil dhuuban oo shaar cad, hoos u dheer, hortana ka furan gashan. Markuu baabuurku istaagay buu ku soo orday, kana soo tagey koox wiilal ah oo baarka hortiisa heegan ku ahaa. Siday u kala firfircoon yihiin bay baabuurta ugu kala hor marayaan, martida u soo dhaweeyaan, baqshiishkoodana ku bislaystaan. Intuu si xushmad iyo ilbaxnimo ku jirto daaqaddii wadaha xigtay u soo hanqaloocsaday, ayuu cod gaaban oo aad mooddid in uu gabdhaha ka qarinayo ku weydiiyey, “Ma kuraas baad rabtaan, mise geedaha hoostooda?”

“Geedaha na gee,” Cabdinaasir baa ugu jawaabay cod aan kiisii ka dheerayn. Markuu codkiisii maqlay buu intuu gartay ku yiri, “Waa yahay Cabdinaasir.”

Cabdinaasirna markaasuu intuu si fiican u eegay ogaaday in uu yahay yaryarkii ay meesha hore isugu barteen. Markaasuu yiri, “Haah. Illayn ninku waa Faarax-Yare. Faarax geed wanaagsan na gee.” Faarax intuu tilmaan bixiyey buu baabuurkii hor orday. Cabdinaasir oo dal yaqaan ahina fatuuraddiisii buu intuu nalkii u gaabiyey la daba galay, sidii hal maqaar loo sido, ama dayuurad garoon ciriiri ah ku soo degtay oo bartii ay qotonsan lahayd loo hagayo. Yarkii firfircoonaa wuxuu sii ordo, faturaddii kuusnayd sii higsato, midig iyo bidix midba mar kaynta loo xulo, marba geed baabuur hoganaya la hareer maraba, mar dambaa geed aan cidina dhex galgalanayn horseedkii helay, geeddigiina ugu gacan haadshay. Waa geed qurac ah oo hoosta laga xaaray, laamihiisa soo gandoodsadayna ood lagu hareereeyey baarka u salaaxayso, sidii nin cashqaan ah oo gacaladiisii gacmaha dhexdooda ugu jirto. Hal irid oo ka bannaanaa bay ka soo gashay fatuuraddii kuusnayd. Geedka salkiisaa lagu ag bakhtiiyey.

Faarax-Yare intuu laba darmo la soo booday, buu Cabdinaasir waydiiyey, “Ma kala qaadaa, mise isku meel baan dhigaa?” Markaan codkiisii waa la wada maqlay, inkastoo uusan ku dheeraysan.

Sahraa intay Cabdinaasir ka boobtay kor u tiri, “Isku meel noo dhig abboowe, wax la kala qaadayaa ma jiraane.” Markay intaas tiri bay Maana xaggeeda fiirisay, sidii iyadoo leh, “Waxba ha cabsan saaxiib, anigaa kula joogee!”

Faarax intuu darmihii hurgufay, ee meel cusub ku kala bixiyey buu Cabdinaasir isa soo agtaagay. Markuu dhegta wax ugu sheegay kadibna orod buu cagaha wax ka dayey.

Markii baabuurkii laga soo degay, ee darmooyinka xaggoodii loo wada dhaqaaqay, ayuu Maana wadnuhu xoog u boodbooday. Markii hore way diidday in ay gaariga ka soo degto. Si dhib leh baa looga soo dajiyey, laguna soo daadihiyey sidii ilmo carruur ah. “Hadda waaye. Waa kanaa kawaankii lagu saari lahaa ee cawada dhan laguu soo waday!” bay iskula hadashay. Intay istaagtay bay afarta gees eegtay. Cabsi hor leh baa ku dhalatay markay aragtay mugdiga ku meersan. Madmadowga meel kasta ka soo muuqda, gudcurka lagu soo dhuuntay, geedka la hoos galay, gogosha dhulka la dhigay. Aadaale, aadaale! Cawada waa la is-hayaa. Sacab haddaan wax ku jirin maxaa habeenkii loo tumaa!

“Tafadal Maana! Soo dhawoow abaaye!” Axmed baa isagoo darinta u tilmaamaya ku yiri, Maana-Faay oo caga taalaynaysa, kana biya diidsan in ay fariisato gogosha saaxiibteed uga hor martay.

“Maana waa is martiyaynaysaa miyaa?” Cabdinaasir oo kabaha furfuranayaa ka daba yiri, “Waan ka xumahay in aan baabuur ciriiri ah ku soo saarnay ee luguhu kugu soo curqeen. Darmooyinka iyo dhulkaan fidsan waxaa loogu tala galay in lagu jimicsado, ee baabuurka daalkiisa looga nasto. Ka warran hawa-geddiskan Maana? Ma ka helaysaa?”

Waxay ku sigatay in ay runteeda u sheegto, ee tiraahdo: “Ma ka helin, mana joogaayo, ee Muslin haddii tihiin mar lee minankaaynii i geeya!” Mase orane iyadoo reer magaalnimada ilaalinaysa, ayay af gobaadsi u tiri, iyadoo sii fariisanaysa, “Haah, waa fiican yahay. Laakiin maxaa waaye mugdigaan, an wax ma arkoohaayo?”

“Horta maxay geedaha faynuus u hoos dhigi waayeen?” Sahraa ka daba tiri.

“Way keeni lahaayeene, anigaa iri faynuus uma baahnin,” Axmed baa ku kaftamay, “Waayo waxaan ogaa in ay Maana-Faay iftiin noogu filan tahay. Iyadu waxay leedahay waa mugdi, laakiin intayada kale mugdi nalama aha, nuurkeedaan wax ku arkaynaa sow maaha?” Maana waxay damacday in ay ammaantaas buunbuunisku ku jiro jawaab ka celiso. Laakiinse markii xasuusteedu oraah ku habboon degdeg ugu deeqi wayday, bay iska tiri, “Waa mahadsan tahay.”

Cabbaar baa la sii wadwaday kaftankii Maana lagu maaweelinayey, loogana dan lahaa in ay jawiga la qabsato, cashaduna u dhadhanto. Iyadoon weli laga bixin, ayuu soo dhacay Faarax-Yare oo xiimayaa. Lix saxan oo is dul saaran buu dhulka dhigay. Waa suxuun balballaaran oo siin ah. Markii la kala qaadqaaday, waxay noqdeen saddex maran, mid bariis ku jiro, mid hilib dheylo ah ka buuxo iyo mid ansalaato ah. Xabbad tarraq ah oo Cabdinaasir shiday, ayaa suura geliyey in la arko. Faarax-Yare intuu is geddiyey buu intii suxuuntii la kala guraayey soo dhigtay, isagoo sida laba dhaloo biya ah iyo saabuun. Biyihii buu Axmed Maana ugu fara xalay, Cabdinaasirna Sahra, ka dibna intay ka daba fara xasheen baa cashadii gacanta lala wada galay, iyagoo iska yuraynaya mukulaalo markay hilibka uriyeen ku soo heentay. Maana way iska taataabanaysey mooyee, si dhab ah u cashayn mayn, inkastoo Axmed ku dadaalayey in ay wax uun cunto.

Markii cashadii laga fara xashay, xaashiyihii Faarax-Yare keenayna la iska mariyey. ayuu damcay Cabdinaasir in ay isaga iyo gabadhiisu darintooda gaariga shishadiisa geystaan, iyagoo marmarsiinyo reer magaalnimo ku baxaya, labada kalena loo faq daayo. Intuu istaagey ee si ixtiraam leh Sahra ugu yare foorarsaday, gacmahana u fidiyey, ayuu ku yiri, isagoo isku hallayn ugu kajamaya, isuna ekaysiinaya sidii nin caways muusiko laga tumayo jooga, ee gabar uusan aqoon cayaarta ku casumaya, ayuu yiri, “Bermetti boqoradda!”

“Inyow. Ku diiday,” ayay ugu jawaabtay, intay garbaha nuuxisay, iyadoo kajankii la wadda. Wuxuu mooday in ay ujeeddadiisii la garan wayday. Markaasuu u baddelay, ee intuu gacanta qabtay ku yiri, “Soo istaag huunno, showr baan kuu qabaaye. Waxaan rabaa inaan maxkamad kugu saaro meel ayan joogin dad iga kaa celiya.” Sahra aad bay u fahmeysay baaqa duqeeda ee afgobaadsiga ah, hase yeeshee waxay ku diiddanayd fikradda kala showridda. Waxay la socotay dareenka Maana iyo cuqdadda ku dhalanaysa. Waxay garansanayd in aan weli la gaarin waqtigii ku habboonaa in loo faq daayo Axmed iyo Maana-Faay. Axmed qudhiisu wuu la qabay. Intay Cabdinaasir gacantii uu ku hayey maahee tii kale soo qabatay bay tiri, “Soo fariiso adeer, caawa showr waa la diidaye!” Markii ay afka sidaas ka lahayd, gacantiisii ay hayseyna far bay hoos ugu mudaysey. Wuu gartay qandhuufadaasi in ay tahay baaq ay ula jeeddo, “Ma waalan tahay? Miyaad baydadinaysaa yarta martida ah ee aan weli jawiga la qabsan, waaya-aragnimadana lahayn?” Intuu garaystey buu gabadhiisii mar labaad soo dhinac fariistay, isagoo Maana-Faay maqashiinaya, “Haddii la i diiday, nin la diido uma horrayn. Waan iska dul qaadanayaa.” Intuu Maana jalleecay buu raaciyey, “Sow saas ma aha Maana, mise abaalkeedaan mariyaa saaxiibtaa, hadday igu caasiyowday?”

“Micne ma leh, ka qallee markaan!” Maanaa kaftankii uga qayb gashay.

“Waa yahay. Warkaagaa jira. Madaxaagaan ku dhaafayaa. Caawa annagoo dhan adaa na xukuma. Amarkii aad bixisaa lagu soconayaa.”

“Mahadsanid!”

Kaftankii iyo sheekadii macaanayd halkii bay ka sii socdeen. Darmooyinkii baa marba dhinac loogu jimicsanayaa. Saf ballaaran baa loo fadhiyaa. Labada gabdhood dhexday iska xigaan. Labada inanna dhinacyaday ka kala xigaan. Sheekada marna waa la isku darsanayaa, marna laba-labaa loo kala goosanayaa. Gooni-u-goosiga sida badan waxa bilaabayey Cabdinaasir, oo markii in yar la joogaba gabadhiisa ku sii jeedinayey showr hoosaad aan iyada mooyee dadka kale maqli karin. In ay maqlaanna loomaba baahnayn. Wuxuu ahaa showr-hoosaadka xiisaha leh ee markaas oo kale labada is-jeceli dhegta isu saaraan, isku gacalsadaan, laabta isugu qaboojiyaan, wadajooggooda ku macaansadaan, jacaylkooda ku nafaqeeyaan.

Injineer Axmed Jaamac qudhiisu raalli iyo nus buu ka ahaa showrkaas lagala sii jeesanayo. Wuxuu u qaadanayey mid isaga loogu danaynayo, jawi habboonna loogu diyaarinayo, loogu faq daynayo isaga iyo bocorta barbar fadhida.

Markay ka sii jeestaanba wuxuu u fasiranayey in ay isaga la hadlayaan, ee ay leeyihiin, “Shaqayso nacasyohow, annagu wax cusub isu sheegi maynnee, adigaan kuu faq daynaynaa. Ha iska dhumin fursadda dahabka ah ee aan dib kuu soo mari doonin, haddii ay hadda marin habowdo. Xirxiro xargihii aad ku soo dabi lahayd qalbiga curdanka ah ee Maana-Faay.”

Axmed dadaal kuma yarayn. Laba dhinacba wuu u dadaalayey. Dhinac wuxuu ku dadaalayey in uu xusho sheekooyinka gabadha noocaas ah xiisa gelin kara iyo erayada qalbigeeda raadka ku reebi kara; dhinaca kalena wuxuu uga dadaalayey in uu isugu muujiyo nin ikhyaar ah oo aan ahayn shabeel-naagood habeen-dhaxmo-doon ah. Nin deggan, dantiisuna ahayn waxyaalaha ay iyadu cuqdada ka qabi karto.

Caadadii uu hablaha kula dhaqmi jiray, habeenkaas wuu baddelay. Wuxuu ula dhaqmi jiray sidii ilmo carruur ah oo uu ciyaarinayo, erayo culus iyo arrimo waaweynna ka ilaalinayo. Wuu soo dadajin jiray burburinta gidaarka qalada iyo ismartiyaynta ee u dhaxeeya isaga iyo gabadha ay isku cusub yihiin. Wuxuu isu ekaysiin jiray dadka aan waxba danayn, waxba is dhibin, waxba kala jeclayn, wax waliba la sahlan yihiin, caadi la yihiin hadday sideer u dhacaan iyo hadday sida kale u dhacaanba.

Hadalka iyo hawsha, wuxuu badin jiray hawsha. Gacantiisa wuu madax bannayn jiray. Xornimo buuxduu siin jiray. Wuu u fasixi jiray in ay gabadha korkeeda ku faalasho. Tijaabo ka qaaddo, marba meeshii la macaata ku falaaddo, meeshii ka sii jiidatana uga sii rug doorsato.

Gacantiisu sida badan socdaalkeedaas sahanka ahi waxay ka bilowdaa sacabka gabadha ee soo xiga jirjirkiisa. Intuu sheeko macaan u saaro, ayuu labada sacab is duldhigaa, kiisa iyo keeda. Hadday keeda la baxdo, wuxuu u qaataa digniin hore, iyo dayro bilawgeed. Hadday halkiisa u daysatana wuxuu u fasirtaa ‘waxba kama qabo’ markaasuu kiisa dhaqdhaqaajiyaa, labada sacab ciyaarsiis iyo dhoolatusad gaaban dhex mariyaa. Waayirka korontada ee kobtaas ka dhashaa, marka uu labadaba korkooda diiriyo, dareemaanna in ay intii hore isaga dhow yihiin, ayuu sacabkiisu bilaabaa in uu gacanteeda kor u sii raaco, marka ay ka dhammaatana meelo kale oo istraatiiji ah uga sii gudbo, isagoo si xiisa leh u sii mushaaxaya. Maxaddooyinka qaarkoodna ku sii nasanaya. Sacabkaas sahanka ahi socdaalkiisa kama soo laabto ilaa uu gabadha garbaheeda la soo wareego ee cududdeeda shishe soo cantoobiyo, jirkeedoo dhanna soo janjeeriyo. Waxaa ku xigta daymo ilqabad leh iyo dhunkasho gaaban oo tijaabo ah. Haddii ay saaxiibteen intaas oo dhan ‘Haah’ uga jawaabto, wuxuu u ‘biisaa’ dhunkashooyinka gaagaaban ilaa ay isu baddelaan tii dheerayd ee la isla darandoorinayey; halkaasoo gabadhu ka bilowdo inay ‘hawsha’ wax ka qaybsato! Barbarkay ka baxdaa waa bakayla-qaleen! Gidaarkii qalada ee u dhaxeeyey halkaasuu ku dhalaalaa, sidii baraf qorrax la dhigay.

Ninkii sidaas yeeli jiray, caawa wuxuu u muuqdaa si kale. Waa kaas sida ‘jentel-maannimada’ ah u fadhiya, madixiina ku xanuunay siduu erayo u kala xulaayey, sheekooyin u allifayey, dunta afkeedii u raadinayey, marba shax hor leh u jeexayey, afkiisa iyo addinkiisaba u ilaalinayey, eraygii ka soo baxaba dib ugu miisaamayey, wajigiisa u maqaar saarayey, milicsigiisa u macaaninayey, keedana macnihiisa u akhrisanayey. Sacabkiisii sahanka u bisa bisoon jiray, wuxuu amar adag ku siiyey in uusan habeenkaas dhufayskiisa ka bixin. “Sahankii aad caawa Maana-Faay korkeeda ku aaddaa, wuxuu noqon doonaa shimbirtii dabka qaadday, ee buulkii hooyadeed gubtay, iyana ku gubatay,” ayuu ku waaniyey. Wuxuu qabey in nin kastaa gabar kasta ‘haye’ ka keeni karo, haddii uu garto sida la isula eegto erayga ku habboon, waqtiga ku habboon iyo meesha ku habboon.

Axmed isbeddel weyn ayaa habeenkaas ku dhacay. Isaga qudhiisu wuu isla yaabbanaa. Maxay ku akhrisay qoftaani? Maxay uga duwan tahay kuwii hore? Muxuu yahay xishoodka aan caadiga ahayn ee ay ku abuurtay? Maxay tahay qaddarintaan xad dhaafka ah ee cabsida u eg? Goormuu qaddarinta intaas le’eg siin jiray gabar uu shukaansi u hor fadhiyo? Goormuu ujeeddadiisa jidkaas dheer u soo mari jiray ee waqti isaga dhumin jirtay? Sow kii hablaha u yaraysan jiray sidii ilmo carruur ah oo uu ciyaarinayo. Maxay tahay qoftaan uu kor u eegayo, sidii boqorad uu shaqaale u yahay, amarna ka sugaayo? Caawa isagii baa carruur isla noqday, arrintiisa la yaabban, ujeeddadiisuna u qeexanayn.

Dhibaato kasta ha maree, dhab ahaan wuu ku guulaystay in uu Maana jawiga oggolaysiiyo, maskaxdeedana cabsidii badnayd ka saaro, inkastoo arrimaha uu kala hadlaayey ayan hoos uga gudbin sheeko guud iyo erayo maaweelis ah. Marar badan bay erayadaas xiisaha leh ku illaaweysey dareenkii qalada iyo meesha cabsida leh ee ay fadhido. Laakiinse in yar kadibba intay soo gocatay kud isku dhahaysey, ee lahayd, “Yaakhey ma baxaynoo an waa daahaye?”

Dhawr jeer la basan-basi. Marba saxanka loo baddel. Markii dambase Axmed baa garab siiyey ee yiri, “Ina kiciya, Maana waa daahinnaye!”

— 4 —

Maana-Faay orod bay ku kortay jaranjartii dheerayd ee gurigooda. Meesha ay cagta dhigayso, nalkiii ay ku arki lahayd in ay daarato way ka deg-degsatay. Mugdigii baa maja xaabiyey. Waqtigii ay dhaqaalaysanaysey iyo mid ka badanna ka dhumiyey. In mar ka badan bay turunturrootay, kufidna ku sigatay. Nasiib bayse ku baxsatay.

Markay kor sii aaddaba boodboodka wadnaheedu wuu laba jibbaarmayey, culayskeeduna wuu is dhimayey, siday iyada la ahayd. Markay albaabka ku sii dhawaataba, cabsidu way la soo cuslaanaysey. Haddaayey, markii ay buuqii Xamar-Weyne iyo xaafadihii ay tiqiin soo dhex gashay aad bay u rayraysay. Waxay ku faraxday khatartii Jungal ee ay ka soo samata baxday. Laakiinse markii gurigoodii u muuqday, ayay ku dhalatay cabsi tii hore ka weyn. Waa markii ugu horreysey ee ay keligeed tobanka habeennimo ka timid meel aan la ogayn. Maxay ku hadli doontaa? Maxay isku daafici kartaa? Maxay ku marmarsootaa? Yaa ka rumeysanaya hadday ku andacooto, “Gabartii aan isku fasalka aheyn, duruustii aan la soo akhrisahaayey aa nala dheeraatay.” Shaki la’aan aabbe iyo hooyo saacaddaan way yaabban yihiin. Dariskana qayla dhaantii gaartay. Meel kasta “Maana-Faay yaa arkay?” baa la iswaydiinayaa. Alla ceeb badanaa, seen albaabka uga geli doonaa? Yaa i bitiya dabayl camal oo qolkayga dariishadda iga soo geliya. Alla Ilaahayow cawada lee i faki, dib dambe maba u nakhahaayiye! Ilaahayow indhahood iga sii jeedi, afkoodna iga xir, intiin ka moodaayo! Alla anigaayeey! Waa kanaa albaabkii jaa waa la xiray!”

Markay iridkoodii ku soo dhawaatay bay soo taagtaagsatay. Shanqartay iska ilaalinaysey. Albaabkii xirnaa bay is ag taagtay, iyadoo neefta isku celinaysa, wadnahana sacabka ku haysa, sidii iyadoo ka baqaysa in uu soo fara baxsado, feeruhuna celin kari waayaan. Markay in yar taagnayd ee neeftii soo ceshatay, ayay intay albaabkii ku soo dhawaatay dhabanka saartay. Waxay is tiri, “Dadka buuqaya codkooda dhagayso.” Wax hadal ahba way maqli wayday. Meel yar oo albaabku ka jeexnaa bay isha saartay. Mise daaraddii la fariisan jiray waaba cidla. Alla fiicanaa! Neeftii ku xirantay baa ka soo boodday. Indhaha iyo sacabbaday cirka u taagtay sidii iyadoo leh, “Nasiib badaniyaa!” Geesinnimadii soo gashay bay albaabkii gacan gadaal ka baqaysa tartiib ugu gargaraacday.

Hooyadeed oo alaabtii fiidkii lagu casheeyey kala aruurinaysa, ayaa jikada ka tiri, “Yaa waaye? Yaah?”

Mar labaad buu wadnaheedu bug soo yiri, inuu bannaanka u soo booday bay la noqotay. Sacab bay ku celisay. Jawaabtii bay la daahday. Dani waa seetee, mar dambay si miskiinnimo ah u tiri, “Ani waaye maama!”

Yarkii Cumar, oo hooyadi ag taagnaa baa albaabkii ku orday, isagoo ku qaylinaaya, “Abbaay Maana. Abbaay Maana!” Aad buu walaashiis u jecel yahay iyana u jeceshahay, uguna roon tahay. Intuu albaabkii fag siiyey buu lugaha isaga maray sidii uu waligi yeeli jiray. Iyana intay ku soo foorarsatay oo dhabannada ka dhunkatay, bay dhegta u saartay su’aal aad u shidaysay, “Cumareey, abbaabe ma joogaa?”

“Abbaay nanac i sii! Abbaay nanac i sii! Ab…” Allow wax aan wax ogayn ha cadaabin. Nacnac buuba waydiinayaa, yaa u sheega meesha laga yimid!

“Maqal Cumareey, nacnac anaa ku siinaayee, abbaabe ma imaaday?” Cumareey Allihiis ka Alle, arrinta la waydiiyey in ay tahay sir lagu qarsaday, oo aan loo baahnayn in ay labadooda dhaafto. Isagoo intuu qaylin karo qaylinaaya, ayuu yiri, “Abbaabaa. Abbaabe ma joogo. Masaajidkaas jiraa. Abbaay nanacii aawayna?”

Intay kor u qaadday, oo laabta ku qabsatay, bay dhabannada ka dhunkatay. Cumareey dhunkashadaas iyo soo dhawayntaas wuxuu u qabaa tii uu waligiiba walaashi ka heli jiray. Ma oga tan caawa in ay tahay abaalgudkii uu ku mutaystay warkii farxadda lahaa ee uu u sheegay. Kala fogaa warkaasi siduu isaga ula fudud yahay iyo qiimaha uu Maana ugu fadhiyo! “Waryaa Maana!” Aay-Caddeey baa si kulul jikada uga qaylisay.

“Maamaa!” intay la soo boodday ee Cumareey iska dhigtay bay jikada ku oradday.

Intaysan gaarin bay intay hooyadeed caro kala hor timid wajiga ka saartay, “Shukhulkaanaa keentay maahinoo? Intee ka timid waryaa, saacaddaan?”

Sidii bisad la qabtay bay is gashay. Waxay isku dayday in ay soo xusuusato beentii Sahra u soo dhistay. Markay wax ka xasuusatay bay hoos u tiri, “Ummaa yartoo isku fasal nahay aan wax la soo akhrisahaayey. Intixaanaa noo soo dhow.”

“Ka bacdi intixaanka saacaddaan camalaa lagu makhnaahaa miyaa?”

“Ummaa maantaa xisaab adag oo kasi wayney naloo soo dhigay.” Aay-Caddeey gabadheeda been iyo xumaan midna ugama baran. Si xad dhaaf ahna way u jeceshahay; sidaasay ugu bixisay uguna koolkoolisaa labada magac oo isku lammaan, Maana-Faay.

Intay hadalkii ka yare hakisay bay tin iyo cirib u fiirisay, sidii iyadoo korkeeda ka eegaysa sababta ay sheegatay run iyo been waxa ay tahay. Wajigeeda daallan iyo indheheeda ilmadu ku soo joogsatay markay aragtay bay tiri, “Soco iska beddel dharka, cashadaa aa iska khaboojisayna cun.”

“Haye maama,” intay tiri bay qolkeedii ku orodday iyadoo farax la fududaatay, sidii eedaysane toogasho filanaayey oo maxkamaddii sii daysay. Way rumaysan la’ayd in sahalkaas lagu cafiyey. Lama ahayn in uu jiro dambi ka weyn kii ay habeenkaas gashay. Lamana ahayn in laga rumaystay beentii Sahra soo xafidsiisay. Waxay moodaysay in hooyadeed indhaha ku haysay intii meelood ay caawa martay iyo dadkii ay la jirtay.

Intay hal-haleel dharkii isaga baddashay, bay guntiino fudud xiratay. Waxay ka baqaysay in aabbaheed soo galo iyadoo weli qabta saakadii iyo kabihii cirbaha dheeraa ee ay dambiga ku gashay. Markay qolkeedii xiratay, hubsatayna in ay habeenkaas samata baxday, ayay dib ugu soo maaxdeen arrimihii ay caawa la soo kulantay. Hadda uun bay la soo macaanaadeen waxyaalo badan oo awel qalada iyo cabsidu u kharaarinaysey. Neecowdii macaanayd, muusikadii dabacsanayd, dhayladii afka loogu guraayey, kaftankii iyo sheekooyinkii maadda lahaa ee fixda laga dhammeeyey. Alla dadku fiicanaa! Labada wiil iyo gabadhu way kala daran yihiin.

Sawirkii Axmed baa si gaar ah xusuusteeda ugu soo haray. Waxaa la waynaatay xushmayntii uu kula dhaqmayey. Waxay soo gocatay ikhyaarnimadii uu ugu sheekaynayey. Waxaa ku soo maaxday erayadii macaanaa ee uu sida gacalnimada leh qalbigeeda ugu xadantaynayey. Markii dareemi mayne, hadda uun bay diiriyeen.

Kala shaandhaysay. Eray-eray u dhadhansatay. Mid walba jawaabtii ay ka celisay xusuusteeda ka baartay. Way is-hiiftay. Jawaabihii habboonaa ma celin. Oraah walba jawaabtii ku habboonayd, hadday u muuqataa. Waxay jeclaysatay in filinkii loogu soo celiyo, ee ay iska saxdo meelihii ay khaladday. Waxay is-tiri qalad baad fahamtay. Qalo iyo is xirxirid xad dhaaf ah oo aan loo baahnayn baad dadkii u muujisay. Waxaa laguu qaadan doonaa badow aan wax kala ogayn. Iyadoo weli erayadii Axmed sii dhadhansanaysa, dhoolla-caddayskiisii il qabadka lahaa iyo fadhigiisii haybadda lahaana u muuqdo, ayay gama’day.

Xubinta 4aad

— 1 —

Qorraxda Maarso sidii caadada u ahayd ayay gantaalaheeda kulul ugu garaacaysay naflaydii maalintaas Muqdisho u soo harsatay. Meel looga badbaadi karaa ma jirin. Milicda dibedda ka holcaysa ayaa uumigeeda guryaha gudahooda u gudbinaysey. Jaamac Dhagay markuu gam’i waayey, ayuu ka soo sare kacay sariirtii uu ku galgalanayey, isagoo dhididkii korkiisa qooyey xabadkiisa weyn iyo qaarkiisa hore ee wada qaawan ka tifqaayo. Marwadiisa raalliyada ah, Cambaro Cali Dhoof, oo barxad ay kulayl yari bidday darin ku jiiftay ayaa markay shanqartiisa maqashay is fududaysay. Intay kacday bay kursi-jiif bannaanka ugu bixisay. Waa kursi-jiifkiisii uu waqtigaasoo kale jeclaa, ee ka samaysnaa darbaal dhuuban, diillimo kala midab ah leh, madaxyada isu haya iyo addimaha uu ku fadhiyana yihiin alwaax guduudan. Isagoo macawiis guntan, shukumaan yarina garbaha u saaran yahay, ayuu ku dhacadiidsaday kursi-jiifkii Cambaro u dhigtay hoos-galbeedka neecowda yar ee macaan leh, oo ka soo baxay guriga daydkiisa galbeed xiga, bannaanka weynina u dhaxeeyo isaga iyo guriga intiisa kale. Geedihii bannaankaas lagu beeray weli waa yaryar aan har yeelan, waayo guriga waqti dhow buu Jaamac dhistay. Labo sano uma buuxsamin.

Cambaro weli waxay ku hawllan tahay diyaarinta waxyaalihii odaygeedu u baahnaa. Miis yar bay soo ag dhigtay. Baakadii sigaarku ugu jiray, tarraqii uu ku shidanayey iyo sigaar-damiskii uu isaga aruurinayey intaba miiskay u dul saartay. Raadiyihii yaraana way ag qotomisay. Weli waxaa u dhimman shaahii casariyaha oo ay diyaarintiisii jikada u gashay. Iyada mooyee cid kaloo dhaqdhaqaaqaysaa ma muuqato. Gabadhii adeegtada ahayd ee u shaqaynaysey suuqay ku maqan tahay. Intii ay iyagu hurdeen bay dambiil la wirwirtay. Markay hawshii qadada ka soo jeesatay bay tii cashada dambiisha u qaadatay, sidii caadada u ahayd. Harsi iyo nasasho iyada uma jiraan.

Carruurtiina way wada jiifaan. Xataa kii hurdo iska waaya sariirta kama soo kici karo, ilaa la gaaro afarta iyo barka. Waa anshaxa lagu carbiyey oo ayan ka leexan karin. Siiba marka odaygu joogo kuma dhacaan in ay ka leexdaan anshixii uu baray. Hadalka iyo dhaqdhaqaaqaba way la gabbadaan waqtiyaduna way u kala xisaaban yihiin. Waqtiga hurdada, waqtiga duruusta la akhrisanayo iyo wixi la mida. Laakiinse marka odaygu maqan yahay, siday doonaan bay u buuqaan, waqtiyadaasna badanaaba ma kala ilaaliyaan; inkastoo ay sida ay u kala waaweyn yihiin isu digaan, iskuna cabsiiyaan Aabbaan kuu sheegayaa.

Habarta sida badan kama xarig xirtaan, cabsi weynna kama qabaan, inkastoo markay canaanato amarkeeda u hoggaansamaan. Kalgacaylka xad dhaafka ah ee ay u qabaan iyo sida joogtada ah ee ay ugu ag dhow yihiin, ayaa malaha dabooshay cabsidii ay ka qabi lahaayeen. Marka odaygu maqan yahay qofka keliya ee ay ka cabsadaan waa Injineer Axmed, oo curadka reerka ah. Siiba intii uu dibedda ka soo laabtay, isagoo nin weyn noqday, wuxuu la yeeshay haybad gaar ah.

Jaamac Dhegey, neecowdii macaanayd iyo shaahii udgoonaa ee afadiisu u keentay markay madaxa dajiyeen, ayuu wax soo gocday. Markaasuu saacaddi eegay. Weli waa maalin weyn. Afartii galabnimo daqiiqado yar bay dhaaftay. Ma dhawa saacaddii uu is diyaarin lahaa. Shanta iyo barka ayuu soo marayaa saaxiibkii Cawaale, sidii uu saaka taleefoonka ugu sheegay. Jaamac waxaa ku kulmay maskaxdiisa oo teleefoonkii Cawaale ku soo dhacay iyo indhihiisa oo ku dhacay afadiisa Cambaro, oo intay meel shan tallaabo u jirta darin yar ku fariisatay, harqad qabyo u ahayd dabaac ku tolaysa. Laan ubax ah oo maro buluug ah qalin qori ku dul sawiran bay dun dhowr midab ah la raacaysay. Iyadoo hawsheedii ku sii jeedda, ayuu ka il buuxsaday: diriceeda dhulka daadsan iyo jirkeeda sida qaab darrada ah u cayilay ee cadba dhinac u fuuray.

Wuxuu milicsaday dhabannadeedii uu waa arki jiray iyagoo dhalaalaya. Cimriyow ba’! Waa kuwaas duuduubka yeeshay xirribihii cukanaan jiray. Waa kuwaas harwashka dhigay camankii cuddoonaan jiray. Isagoo il naxariis leh ku eegaya ee sidii qof uu waa aqoon jiray, sanooyinkaanse arag, kor iyo hoos ku jeedaalinaya, ayaa wax ku soo dhaceen. Markaasuu isu qoslay. Haddana intuu is qabtay buu wajigeeda isha qac ku siiyey. Wuxuu ka baqay in ay qosolkiisa dareentay. Ma jeclayn in ay ku soo jeesato. Markuu hubsaday in ay hawsheeda ku maqan tahay ayuu kursigii dib ugu dhacadiidsaday.

Masaakiin Cambaro! Allow cuqubadeeda iga du! Tolow maxay fali lahayd, hadday og tahay waxa aan caawa samayn doonno aniga iyo Cawaale! Maxay oran lahayd hadday saaka taleefoonkii Cawaale dhankeeda ka qabsato, ee maqlayso, markii uu lahaa, “Caawa fadhigu waa aniga!” Hadday dhegta u dhigayso markii uu kala shaandhaynayey liiska naagaha guryahooda lagu qayilo, ee igala tashanayey tii loo xilsaari lahaa barnaamijka caawa! Cambarooy Allow ha ku cadaabin! Cawaale marka uu hadhow ii yimaado, farxad iyo qalbi furan bay ku soo dhaweyn doontaa, sidaadii. Waad u qoslaysaa, isaguna kuu soo qoslayaa, kula kaftamayaa. isaga kaa dhigayaa gacalkaa same-jecle ah. Afow yeelkaa, uurow Allaa ku og!

Kala fogaa qosolkaaga iyo kiisu! Aniga waad iga shaki qabtaa, isagase kama shaki qabtid. Aniga maqnaantayda iyo soo daahiddayda uun baad aragtay, iyo xanta dumarka qaarkood kuu keenaan. Laakiinse ma ogid macallinka jidkaas cusub ii horseeday in uu yahay Cawaale iyo saaxiibbadiisa kale ee lacagta leh, adiguna hantidooda iyo magac dheeridooda awgeed, markaad aragtaba xushmad weyn baad ku soo dhawaysaa, kuna faantaa in ay ninkaaga saaxiib la yihiin ikhyaartaas haybadda leh!

Laakiinse waxba ma aha Cambarooy, maxaa ka micne ah. Cawaale waxba ma bi’in. Wanaagna kulama necba. Marka uu meelaha qaarkood i gaynayo, waxyaalaha qaarkoodna ii horseedayo, kama aha Cambaro ku xad gudub. Waxay ka tahay saaxiibkaa Jaamac raalli geli. Ka farxi. Isna markiisa ha kaa farxiyo. Waxaad uga baahatana ha kuu fuliyo. Aniga qudhaydu ma jecli inaan xuquuqdaada ku xad gudbo. Wax aan kaa bi’iyey ma jiraan. Waxba iskama baddelin gacaladii aan kuu qabay iyo qiimihii aad iigu fadhiday. Ha ka cabsan inaan iraahdo Cambaro gabowdaye iska fur, oo gabar yar ku soo baddelo. Markaas ma wax baan dhimay intii aan sidaas yeeli lahaa haddaan habeen habeen gabdhaha yar yar isaga fool baxsado. Maya. Maya. Wax aan kuu dhimay ma jiraan. Cawdi billayso saaxiib. Asaaggay dhawr naagood bay qabaan, haddana ka qarraafaan.

Caqli haddaad leedahay fasax sharci ah baad ii siin lahayd fool baxsiga. Iguma kallifteen suuq madow. Dembiga kale uun baa ii darane adigu waxba iguma sheegan kartid. Dembiga aakhiro Alla ha naga dhaafo. Allow noo dambi dhaaf. Ilaahow tooba. Ilaahow tooba!”

Markii fekerkiisu halkaas maraayey buu madaxa hoos u rogtay, wajigiisiina is baddalay. Wuxuu xusuustay in uu joogo waqtigii uu casarka tukan jiray. Waxaa maskaxdiisa isku hardiyey xusuustii salaadda ee hadda ku soo dhacday iyo tii macsida ee hore ugu jirtay. Wuxuu is yiri, Sidee salaad kuugu ansaxaysaa adigoo weli niyadda ku haysta dambiga weyn ee aad caawa ku kici doontid? Sidee ugu bareeri kartaa in aad Ilaah is hortaagtid, ee naftaada iyo carruurtaadaba khayr uga baridid, adigoo ku tala jira in aad caawa amarkiisii jabisid? Ma been baad u sheegi kartaa sida aad Cambaro beenta ugu sheegi doontid, ee marka aad baxayso u oran doontid: Caawa shir dheer baa la iga wacay, waana ku soo daahi doonaa? Maya. Maya. Iska dhaaf salaaddaas. Ha isku luggoyn lagaa aqbali mayee. Iska raaxayso nafta ha cadaabine. Ka faa’iidayso waqtiga kuu soo maray. Laakiin taasi sow aakhiro-waa ma aha?

Ma adigoo maanta da’daas ah baad fisqi u go’doomaysaa, ee cimrigaaga dhammaaday ceeb ku sagootinaysaa. Ee adduun iyo aakhiraba isku ceebeynaysaa! Aaway magacaagii iyo haybaddaadii lagugu wada qaddarin jiray? Allaylehe waa ba’day. Kala fogaa sida dadku kuu qabo iyo sida aad tahay. Allow tooba. Allow tooba. Allow tooba! Baabi’i barnaamijka caawa. Cawaale iyo barnaamijkiisuba badda ha galeen. Oo caawa haddaad baabi’isid ma ku sii wadaysaa. Haah. Maya. Go’aankaasi waa kii aad hore u fulin kari wayday. Waa laba daran mid dooro. Islaantaan cimriga ah ag fadhigeeda, ama hablaha curdanka ah iyo cadaab aakhiro. Raaxa la’aan ama aakhiro la’aan. Maxaan yeelaa? Maxaan yeelaa? Ma ogi. Ma ogi. Ma ogi! Bes. Bes. Bes. Waan tooba keenayaa, Cawaale iyo barnaamijkiisa bul Alla ha siiyo!

Bakeerigii shaaha ahaa barki oo uu isla hadalkii ku illaaway, ayuu intuu hal mar qab ka siiyey, xabbad sigaar ah la soo baxay. Dhididkii neecowdu ka qallajisay, ayaa korkiisa dib u qooyey, shukumaankii buu isku tirtiray. In dhawaydba isla hadalkaasi cudur buu ku ahaa. Wuxuu noqday laba nin oo muuqaalka mid qura ka ah, muran joogto ahi ka dhex taagan yahay. Waa mid nolosha cusub ee uu sannadahaan dambe billaabay ku fara baxsanaya iyo mid uga digaaya.

Inkastoo da’diisu lixdan sano sii haabanayso, haddana waxaad mooddaa in uu intaas aad uga yar yahay. Wuxuu dareemayaa firfircooni iyo xoog dhalanyarannimo oo la yaab leh. Dareenkaasi wuxuu ku sii kordhay sanooyinkaan dambe, intii uu ladnaanta is biday.
Noloshiisii hore dhibaatooyin fara badan buu soo maray. Labaatankii sano ee dunida ugu horraysay, laba mooyee intii kale miyi buu ku soo dhammaystay. Wuxuu ahaan jiray geel jire kibir badan oo aflagaaddada iyo dagaalku ka soo horreeyo. Cidna kama haybaysan jirin. Wiilasha ficiisa ah ee ay geelleyda isla ahaayeen way ka cabsan jireen. Kuwa ka yaryarna amar kulul buu siin jiray. Hadday ka diidaanna waa garaaci jiray. Mid sidaas ugu ciil qabay, ayaa habeen isagoo golaha jiifa, ee geela cawaysinkiisa la sugaayo, wuxuu damcay in uu faas madaxa ku kala jeexo. Mid arkayey baa intuu ku soo orday ka balfiyey. Markaasuu faaskii oo dalambaabi ahi dhegta uga dhacay ee dacal gooyey, hoostana ka daqray. Sidaas ayaa loogu bixiyey Jaamac Dhegey.

Noloshii miyigu markay ku adkaatay, ayuu magaalo u soo qaxay, isagoo siddeed-iyo-toban jir ah. Wuxuu soo maray nolol is-korisnimo oo aad u qallafsan: darbi-seexad, jar-iska-tuur, xammaal, iyo wixi la mid ah. Ka dib ganacsi iyo shaqo dawladeed buu midba mar isku dayi jiray, inta badanse wuxuu ahaa shaqaale dawladeed, inkastoo uu weligii niyadda ka jeclaa inuu beec-mushtar noqdo ee shaqaalannimada uga baxo. Dhawr sano ka hor, ayuu gaaray inuu agaasime guud ka noqdo mashruucii uu ka shaqaynayey.

Waa muddadaas inta uu bilaabay noloshaan cusub. Sida dhaqaalihiisu isu baddalay, ayuu dhaqankiisuna isu baddelay. Isbaddelka xagga dhaqanka ah waxaa u hor kacay saaxiibbo nooc cusub ah oo uu muddadaas yeeshay, danahooduna isku xirmeen. Dhallinyarannimadiisii reero tumasho ma ahayn. Awooddiisuna umaba oggolayn. Intii uu xaaska noqdayna wuxuu halgan adag ugu jiray sidii uu carruurtiisa ku korsan lahaa. Hadda uun bay carruurtii koreen, qaarkood ka feer shaqeeyeen, dhaqaalihiisuna ka batay baahidii nolol-maalmeedda qoyska. Markaasay ku furantay dariishaddan cusubi.

— 2 —

Muddo aan saddex ilbiriqsi dhammayn, ayay Jaamac Dhegey ku soo dhacday taariikhdiisaas dheer iyo isbeddelkaas lama filaanka ah. Markaasuu intuu kursi-jiifkii dib ugu dhacadiidsaday, ee sidii nin orod ku soo xiiqay u neeftuuray, wuxuu yiri, “Kulayl baa lala joogi kari la’yahay,” sidii isagoo oraahdaas aan micnaha lahayn uga baxsanaya culayskii isla hadalku ku hayey.

Cambaroo weli darinteedii ku fadhida hawsheediina ku fogaan, ayaa ka daba tiri, sidii iyadoo hadalka uu bilaabay ku dhiirri-gelinaysa, “Kulaylna ka daran, qayaamihii baa la isku kiciyey. Waxaan maqli jiray aakhiru-sabaanka qorraxda meel dhow baa la keenaa. Waa hubaa in ay intii hore ka dhowdahay. Allow noo amuur sahal!”

“Axmed, Xaajigii gurigii ma u soo naqshadaysay?”

“Maya aabbe, maantana waqti baan u waayey,” Injineer Axmed oo isagoo macawiis keliya qaba, jikada shaah ka soo shubtay baa sidaas aabbihii ugu jawaabay. Maalintaas qadadii ka dib gurigiisii gaarka ahaa uma hurdo tagine, wuu iska harsaday. Kii ka yaraa oo maqan buu sariirtiisa iska seexday. Marka uu gurigooda joogo, wuxuu ka xoroobaa is dhawridda iyo is buun-buuninta culayska ku ah marka uu meelaha kale joogo. Sidii isagoo weli carruur ah ayuu jikada, suuliga, qolalka jiifka, kuwa fadhiga, marba meeshii uu doono u galaa. Isagoo bekeerigii uu shaaha jikada uga soo shubtay gacan ku sita, ayuu aabbihii iyo hooyadii dhexdooda gambar soo dhigtay, si uu odayga su’aashiisii uga qanciyo. Sahra Yuusuf oo booqashadeedii ay galab kasta waqtigaas oo kale ku imaan jirtay ku timidna, intay abtigeed salaantay bay Cambaro darintii kula fariisatay. “Waan ku tala jiray in aan maanta u tago,” Axmed baa xog warrankii sii watay, “Laakiin shaqooyin badan baa igu furmay, ilaa aan arkay saacaddii oo dhammaatay. Berri baanse u soo naqshadayn doonaa.”

“Maxaa beenta kugu khasbaya? Wixii aadan qabaneyn maad si caddaan ah u tiraahdid ma qabanaayo, ma cid baa khasab kugu leh? Maalin walba berri baad u tagi doontaa!”

“Been igama ahee, shaqadaa iga badatay aabbe.”

“Shaqadaa iga badatay, shaqadaa iga badatay. Shaqo aadan wax faa’iido ah ka keenayn baad nafta isaga qaadaysaa, tii faa’iidadu noogu jirtayna waxaad leedahay waqti baan u waayey. Garan maayo goorta aad caqlisan doontid, ee dantaada garan doontid. Garaad mooyee gu’ kuu dhimanina ma jiro.”

Axmed caado uma ahayn in uu aabbihii la doodo ama hadal ku celceliyo. Markuu yaraa iyo intuu ardayga ahaaba kuma dhici jirin in uu eray ka daba yiraahdo, xitaa hadduu yiraahdo badda ku dhac, wuxuu iska dhigi jiray wax amarkii qaatay marka dambe ha fuliyo ama yuusan fuline. Laakiinse intii uu dibedda ka soo noqday, ee shaqada bilaabay, odayguna canaantii kululayd iyo caydii waa ka daayey, ee sidii nin weyn u qaddariyey, isaguna wuxuu bilaabay inuu aabbihii la sheekaysto. Walibana marmarka qaarkood isku dayo in uu wax isaga si ugu muuqda si kale u tuso. Laakiinse inta badan kuma guulaysan jirin. Waxay kala taagnaayeen laba gees oo aan isu imaan karin. Odaygu inkastoo uu magaalo ku ilma dhalay, muddo badan ku noolaa, ku dadaalay inuu wax is baro, afaf qalaadna wax ka yaqaan, haddana maskaxdiisu weli waa tii miyiga.

Carruurtiisu waxyaalaha ay ku fekeraan iyo siyaalaha ay u dhaqmaan aad buu ula yaabaa. Markuu wax kasta isku dayo, ee dhaqankooda baddeli kari waayo, ayuu intuu dhafoorka qabsado hoos u yiraahdaa, “Waa adduunya-gaddoon. Waa dhal aakhiru-sabaan!”

Axmed qudhiisu waa ogyahay in uusan aabbihii maskaxdiisa baddeli karin, waxna ka dhaadhicin karin. Hase yeeshee arrintaan uu galabta ku canaananayo, horey buu uga badbadiyey, isaguna madaxuu u ruxi jiray, isagoo ka cararaya in uu aabbihi la doodo. Laakiin galabtaas, bal isku day in aad aabbe ra’yigaaga u caddaysid, wuxuu doonaba ha ku yiraahdee, ayuu is kula hadlay. Markaasuu yiri, isagoo hoos fiirinaya, “Laakiin aabbe intaan shaqadii qaranka ee xilkeedu i saarnaa oo dayacan ka tago, miyaan nin gurigi soo naqshadayn karaa?”

Intuu si kadis ah u eegay, ee indhaha galka uga bixiyey buu yiri, “Waan ku arkay in aad awelba aniga i maaweelinaysey, ee ayan kaa hor caddayn in aad ninkaas odayga ah gacan siisid. Shaqada qaranka, shaqada qaranka, waa kaas caqligiisu.” Intuu codkii kor u sii dallacay buu yiri, “Maxaad faa’iido ka keentay shaqada qaranka, hal sano iyo dheeraad baad sii ordaysaye? Mushaarkan xunoo aan xataa adiga cutadaada kafayn, miyaad nafta isaga qaadaysaa? Aaway wixii aan ku soo tiil iyo tacab beelay? Maantaan kaa la’ahay nin saaxiibkay ahoo, aannaan innaguba danaheenna uga maarmi karin gacan sii!”

“Aabbe Xaajiga gacan siintiisa ma diiddani, laakiin waa markaan waajibkayga guto ka dib. Mushaarka xaggee la iiga badinayaa, haddii aan dayaco shaqadii mireheeda lacagtu ka dhalan lahayd. Dal aan shaqo adag laga qaban ee lacag laga soo saarin, miyay suurtoobaysaa in keligay mushaar badan la iga siiyo? Haddii sida dalalka hore u maray, awoowayaashayo horay hawsha adag ugu naf huri lahaayeen, maanta annagu waan raaxaysan kari lahayn.”

“Bal eeg wuxuu ku hadlaayo!” Jaamac Dhegey isagoo aammusan buu xanaaq la karkaray. Wuxuu u haliilay in uu wiilkiisa dharbaaxo labada indhood ku dhifto. Waa sidii uu ku edbin jiray markuu yaraa, markuu sidaan oo kale uga xanaajiyo. Laakiinse hadda, dil daaye xataa canaanta kulul waa ka dhawraa. Wuxuu tixgeliyaa in uu noqday nin weyn oon khaladkiisa cabsi gelin lagu saxi karin, balse loo baahan yahay in si deggan loo hanuuniyo.

“War dhagayso, waxaasi waa waxa dadka maangaabka ah caqliga looga xadee,” hanuunintii buu ku bilaabay, “Dadkaan aad arkaysid, nin waliba wuxuu u ordayaa dantiisa. Qaran qaranka iyo waxaan qaran baa loo shaqaynayaa lagu leeyahay, afkaa lagu macaysanayaa. Anigu kuma lihi shaqadaada ka tag, ama sag-saag. Looma baahna in ma-shaqayste laguu arko. Iska ilaali wixii ceebi kaa soo gaarayso. Ku dadaal sidii aad hore ugu mari lahayd, ama dallacaad ku heli lahayd. Isla markaasna waa in aad danahaaga ku hoos wadataa. Maalinka maanta ah ninkii mushaar keliya isku halleeyaa ma noolaan karo. Waxaa loo baahan yahay ragannimo kale oo wax lagu tacbado. Ka soo qaad, waad ogtahay Xaajigaan aan ku leeyahay gacan sii, waa nin ku habboon in aad abaal u dhigatid, oo berri ka maalin, wax ku tari kara. Maxaa yeelay waa nin taajir ah. Adigu dawlad baad u shaqaysaa, ganacsi laguuma oggola. Isagaa wixii aad rabtid kuu soo dajinaya. Lacagtaada tiisaad ku qarsan kartaa. Hadda wuxuu iga ballan qaaday in uu safarka dhow laba baabuur oo waaweyn magaciisa iigu soo dajiyo. Aniguna markuu ii sheegay fiillada cusub ee uu dhisanayo, ayaan intaan nin wiil fiican leh iska dhigay ku iri, ‘Axmed baa si wanaagsan kuugu naqshadaynayee, waxba injineer kale lacag ha iska siin!’ Waa tanoo waad nagu ceebaysay ninkii odayga ahaa. Toddobaad dhan baad meer-meerinaysay. Haddaanan been u sheegin, mar horuu hawshiisa dhammaysan lahaa. Wixii aan ku soo baray waan ku khasaaray.”

Intii aabbihi khudbaddaas dheer ku wacdinayey oo dhan, Axmed hoos buu u jeeday. Eraygii uu maqlaba ku sii xajiimoonayey, fikradaha odayga qaarkood ku lablabboonayey. In uu intaas ka badan aabbihi la doodana kuma dhici karin. Wuxuu jeclaystay in uu yiraahdo, “Haddii aanan ku tala jirin in aan baabuur soo degsado iyo in aan lacag qarsado midna, ma iga daynaysaa Xaajigaas iyo naqshaddiisa?” Laakiinse xaggee buu ka keenayaa geesinnimada uu aabbihii ugu caddaynayo in uusan arrintaas ku tala jirin.

“Berri buu u soo naqshayaa Axmed, sow ma aha hooyo?” Cambaraa soo dhex gashay, ee sidaas tiri, iyadoo odaygeeda qaboojinaysa, inankeedana daafacaysa. Curadkeedu waa ruuxa ay ugu jeceshahay inta ifka ku uumman. Dhaliil yar oo loo jeedinayo markay maqasho way calool gubyootaa, gaashaankana u daruurtaa. “Haah hooyo,” markuu ugu jawaabay, bay u raacisay, iyadoo codka u dabcinaysa, “Maandhow gacaliye arrintaasi berri yay ka daba marin, waa taad ducaysnayde. Xaajigu waa nin ikhyaar ah, innaguna dan baynu ku wadannaa, sidii odaygu kuu sheegay. Alaabtii aad ku guursan lahayd xataa waxaan rabnaa in isaga loo diro, oo uu khaaridka ka keeno.”

“Guur miyuu rabaa, waa nin wax kale u cad yihiine? Annaga uun baa la daba joognee, isaga kamaba hor cadda,” Jaamac baa wiilkiisa ku dhega hadlay.

Cambaroo arrintaasi welwel weyn ku haysay, Axmedna wax badan in uu guursado ku guubaabisay, isaguna ii yare kaadiya u dhaafi waayey, ayaa tiri, iyadoo codkeeda xoog iyo himmad cusub gelisay, “War maandhow maxaa guurkii kaa dharbaaxay? Cowdi billaahi! Wiilka guurkii habbisaa laga saaray. Shaqo iyo akhris uun baa laga daba riday oo uu naftiisii ku illaaway. Waa mar uu shaqo ku ordayo iyo mar uu buug dhegta haysto. Allow habbiso jinni ha na saarin! Waxakani waa il baan u malaynayaa, waxaan ka baqayaa in ay illaaceeyeen wiilka naagihii xunxumaayoo la lahaa waa daba ordayaan. Shiikh Maxamuud maalin dhawaya waxaan iri wiilka qardhaas iigu goo, sidaan kuma qummanee.”

Axmed iyo Sahra waa is dhugteen. Hadallada kale kuma cusbaynoo horey bay habarta uga maqli jireene, markay qardhaasta maqleen bay qosol ceshan kari waayeen. Ishay qac isku siiyeen, eegmo micna gaar ah leh, qosolna ku hoos jiro. Sahraa markaas hadashay, ee tiri, “Laakiin hooyo, maxaad u karkabaynaysaan idinku? Markuu gabar ku habboon helo, isagaa idiin la imaan doonee?” Sahra Cambaro “Hooyo” ayay ugu yeertaa, hooyo ahaanna way u qaddarisaa. Waa garteed iyadaa soo korisay. Iyadoo laba jir ah da’dii ku xigtayna uurka ku jirto, ayuu aabbaheed dhintay. Markaasuu abtigeed guriga keenay iyada iyo hooyadeed oo uur leh. Habartiina uurkii bay ku umul raacday. Intii ka dambaysay Sahra Yuusuf waxay ka mid ahayd carruurta reer Jaamac. Cambarana way u roonayd, inkastoo ayan uga turi jirin hawsha, dilka iyo canaanta, siiba marka abtigeed maqan yahay! Markay guursatay, haddana muddo gaaban ka dib ninkii kala tageen, waxay door bidday in ay gooni ahaanteeda u deggenaato, maadaama ay noqotay qof weyn oo shaqaysata (macallimad ah); sidii bay gooni ahaan ugu deggan tahay; hase yeeshee reerka waxay ugu xiran tahay sidii iyadoo weli guriga joogta. Waajibaadka kaga beeganna waxay uga soo baxdaa sidii waalidku ka filayeen iyo si ka sii fiican. Had iyo jeer way u duceeyaan, wayna ku faanaan.

Jaamac oo Sahra warkeedii xiganaya ayaa yiri, “Oo goormuu soo helayaa gabadha ku habboon, ma mid hadda ka dib dhalanaysaa! Xaggee buu ka helayaa midda ka fiican gabdhihii uu igu diiday, ee aan iri anigaa waalidkood kuu waydiinaya, wixii ay doonaanna siinaya. Dad ehlu-sharaf ahoo, abkood iyo isirkood la yaqaan, warwareeg iyo basar xumana aan aqoone, guryahooda ku asturan!”

Axmed iyo Sahra markay ‘abka’ iyo ‘isirka’ maqleen bay ilqooreedda iska eegeen. Erayadaasi waxay ka mid ahaayeen fikradaha ay odayga kula yaabaan, kulase dhici karin in ay u caddeeyaan fikradda taas ka soo hor jeedda ee ay iyagu qabaan, ee ah: qof kasta qiimihiisu in uu isaga ku xiran yahay, ‘ab’ iyo ‘isirna’ ayan waxna ku kordhin karin, waxna ka ridi karin.

Markii cabbaar Axmed iyo guurkiisii la jiid-jiiday, ayaa weerarkii Sahra xaggeeda loo weeciyey, Axmedna neeftii lagu celiyey ka soo baxday. Cambaraa warankii u horreeyey ku gaadday ee tiri, “Sahra, adiga qudhaadu farxaddii waad nagala daahday. Arrintiinnu sow mid dhammaata ma aha, adiyo Cabdinaasir?”

“Iyaga qudhoodu waxba iskuma hayaan,” Jaamac baa raaciyey, isagoo si dadban Sahra war uga doonaya. “Haddii aanan aabbihii aqoon ee aannaan ciddooda saaxiib ahayn, mar horaan ka aammin bixi lahaa wiilkaas bulucsan, ee yaraanta ku xayroobay, wiil yaraanta ku cayilaanba necbahaye!”

“Annaga arrintayadu way iska dhow dhowdahay,” Sahraa jawaabtaas kooban celisay, iyadoo ka baxsanaysa in su’aalo kale la sii waydiiyo. Laakiinse sidaas kuma baxsateene, waxaa caymiyey Cawaale, oo intuu iridka soo gargaraacay, horana ka soo galay, isagoo sidiisii qosolka iyo kaftanku ka soo horreeyo. Markuu dadkii meesha fadhiyey qof-qof kaftan ugu salaamay, Cambarana xaaskii iyo carruurtii ka waraysatay ayuu hore u raacay Jaamac Dhegey oo u sii hor kacay salootadii fadhiga. Dhawr iyo toban daqiiqo ka dibna way isla soo baxeen isagii iyo Jaamac oo isa soo dhisay, barafuun qaali ahina ka soo carfayo. Baabuurkii cagaarnaa ee Cawaale bannaanka soo dhigtay baa lala carraabay, Cambarana niyad-sami bay ku sii sagootiday!

Dawladdu shirar badanaa! Odeyga naftii bay u keeneene! bay niyadda ka lahayd. War la’aaney ba’!

Xubinta 5aad

— 1 —

Gabbalkii oo guduutay, gaashaanna u ekaaday, baa gebigii qarin lahaa ku sii hoobanaya. Maalintii baa sii cararaysa. Habeen carcartiisii qabaa ku daba jira. Injineer Axmed Jaamac dariishad furan buu ka daawanayaa cilcillowga makhribka ee cirka iyo caadka ku saynsaabanba midabka casaanka ah ku aslay. Sariirtiisii midabkeedu huruudda ahaa buu salka ku hayaa. Lugihiisa kubabkooda timaha badan ee dacaska dhulka ku cuskan waxay ku kala dhex jiraan kubabkana isku salaaxayaan laba lugood oo ka midab qurxoon, korkoodu mullaax yahay, kubabkoodu hannaan wacan u qoran yihiin, kabo sookal ahna ku joogaan. Addimadaas ilqabadka leh ee saakada cillaanka ah huwan waxaa ku soo ag fidsatay Maana-Faay Xaaji Muumin oo ku fadhida kursi sariirta cirifka loo saaray. Saakada ay qabto iyo macawiista uu guntan yahay dacalladoodu way is xadantaynayaan. Marba marka ka dambeeya iyadoon la is ogayn baa la isku soo dhawaanayaa, la is gacalo-dhuganayaa, shumis la isu dhiibayaa, boholyowga caashaqa la isku boodi gaarayaa! Inkastoo uusan galabtaas seexan, haddana Axmed wajigiisa waxaa ka muuqatay farxad aan xad lahayn. Waa astaan lagu yaqaan mar kastoo uu Maana-Faay iska ag helo.

Waxaa caado u ah, maalintii qadada ka dib in uu cabbaar seexdo. Caadadaas aad buu ugu dheggan yahay. Waxa keliya ee ka baajin karaa waa isagoo galabtii shaqo leh. Laakiinse marka uu Maana ballan la leeyahay xaalkiisu waa si kale. Hurdo iska daaye shaqada qudheedaa qiilqiil galaysa. Taleefoon ay subaxnimadii u soo dirtay ayay ku ballameen in ay galabtii guriga ugu timaado. Markii uu soo qadeeyey ilaa markay u timid, oo ay u dhaxaysey muddo saddex saacadood iyo dheeraad ah, muu seexaan, hawl aan u diyaar- garowgeeda ahaynna ma qabsan. Xitaa akhriskii uu u bisa bisoon jiray, buug ma kala furin. Inta uu guriga joogo, mar uu hurdo iyo mar marti culus u joogto mooyee, inta kale wuxuu ku jeedaa buug ama wargeys. Marka uu Maana sugaayo oo keliyuu akhriska illaawaa. Wuxuu ku dhaqaaqay kala habaynta guriga, qurxintiisa iyo carfintiisa. Diyaarin wax ay ku madadaalato. Wax ay cabto, wax ay daawato iyo wax ay dhegaysato. Waxyaalaha ay ka hesho iyo waxyaalihii uu xusuus ahaanta uga hayey ee uu soo dhaweeyo, meeshii ay fariisan lahayd oo uu sii qorsheeyo, isaga naf ahaantiisa oo isa sii habeeya, iyo wixi la mid ah.

Hawlahaas oo dhan waxaa uga soo haray waqti badan oo uu seexan karay, hase yeeshee ma seexan. Muxuu u seexan waayey? Ma wuxuu diiddanaa in ay u timaaddo isagoo hurda, mise fekerkeedii baa dareenkiisa buuxiyey, jidkii hurdadu u soo mari lahaydna ka xiray? Labada sababoodba way jiraan. Barashadii Maana-Faay ka hor, marna lama ahayn in qof dumar ahi ilaa xadkaas la weynaan karto. Hammigiisa buuxin karto. Qalbigiisa hanan karto. Hawl ku noqon karto. Hurdo u diidi karto. Habeen iyo dharaarna madaxiisa ku jiri karto.

Habeenkii ugu horreeyey quruxdeeda uun buu ka helay. Waa rag iyo hawee, hannaankeeda wacan baa hiyi kiciyey. Sababtaas awgeed ayuu Sahra ugu dirsaday, isagoon garanayn hadaf cad oo uu ka leeyahay. Habeenkii Jungal, waxay ugu muuqatay qof ka duwan hablihii hore u soo maray. Wax aan u caddayn baa xaggeeda u jiidanayey, naftiisa raalli gelinayey, wehel lama huraan ah ugu ekaysiinayey. Maxay ahaayeen waxaasi? Ma quruxdii habeenkii horaba hiyi kicisay baa? Ma xishoodka gabarnimo ee ay daymadiisa wajiga ka dadbaysaa? Ma laabteeda xalan ee aan xeeladihii dumarka lagu yiqiin weli ku xoogeysan baa? Ma erayadeeda ugubnimadu ka dhadhamayso ee ay dhibyarida carruurnimo isaga dhahaysaa? Isaga qudhiisu ma garanayn waxa uu ka helay, ee naftiisa raalli geliyey. Keliya wuxuu garanaayey in uu ka helay. In ay hammigiisa buuxisay. In ay laabtiisa harsatay. Ma kala hubin qudhiisu in jacayl hardiyey iyo in ay hawo kale calan u lulayso.

Kulamadii habeenkaas ka dambeeyey ee uu la yeeshay, Sahra Yuusufna u fududaysay, midba midka ka dambeeya wuu u sii hanweynaanayey, u sii hanqal taagayey, hirar fogi u sii muuqanayeen, hawadii guurkuna ku sii weynaanaysey, inkastoo uusan weli haasaawaha ku soo darin.

Hadda marxalad aan yarayn, miisaanna fududayn bay is barashadoodii ka tallawday. Waqtigu waa xiimayaa. Bil baa dhammaatay. Mid kalaa ka daba tagtay. Tii saddexaad baa kala barantay. Isbeddel weyn baa dhacay. Waa taas Maana-Faay ninkii ay daymadiisa ka carari jirtay gurigiisa galabta dhex fadhidee saxankii cishqiga la dheelaysa!

— 2 —

Ma sahlana sida ay Maana heerkaas ku soo gaartay. Tallaabooyin badan baa ka horreeyey. Tub dheer bay soo martay. Martiqaadkii u horreeyey ee ay ku soo dhaweeyeen Sahra iyo saddexenkeedii, Maana wuxuu ku reebay raad aan go’i karin. Tixgelintii weyneyd, koolkoolintii badnayd, ammaantii xad-dhaafka ahayd, xushmaddii ballaarnayd, adduunyadii la tusay, arrimihii looga sheekeeyey, intuba waxay noqdeen wax aan hore u soo marin, aad u xiisa geliyey, qiimihii ay isla lahayd kordhiyey, qabweyni dareensiiyey, dunidoo dhan u qurxiyey, qalbigeedii ugbaa ee waayo-aragnimada u oommanaana irdihiisa garaacay.

Habeenkii hore waa tii xusuustaas ku seexatay, subaxdiina la soo toostay. Ka dib, dhawr jeer gurigii Sahra booqashooyin ku tagtay. Asxaabtiina la kulantay. Kadis iyo ku tala galba. Sheekadii sii socotay. Maana tartiib-tartiib u qala goysay. Kooxdiina la qab satay. Sahra horeba uga qaloon mayn. Cabdinaasirna dhaqsaba ugu qala goysay. Ulana kaftan wadaagtay. Axmed marka ay kala maqan yihiin keligiisay inta badan ku fekeri jirtay, erayadiisii soo gocan jirtay, sawirkiisu u muuqan jiray. Marka ay aragtana way ka qaloon jirtay. Markii dambe isagiina ku qalo goysay. Isxirxiriddiina ka xoroowday.

Marba marka ka dambeeya waxay dareemaysey in ay Axmed ku sii xirmayso, xusuusteeda ka bixi la’ yahay, xoog dahsooni xaggiisa u sii jiidanayo. Waxay is-aragtay iyadoo mar walba ku fekeraysa, sababta ma garanayn. Marka la sheekaysanayo si gaar ah u dhageysanaysa. Isaga afkiisa uun eeganaysa. Dadka kale hadalkooda u dhugma lahayn. Marka ay iyadu hadlaysana dareemaysa in ay keligii la hadlayso. Waxyaalihii kale ee ay danayn jirtay way illowday. Aad bay isula yaabtay. Meel lagaga yimidna garan wayday. Dhawr jeer bay goosatay in ay kooxdaas ka xarig furato, guriga Sahrana iska goyso, ee gurigooda ku ekaato, sideedii hore. Go’aankaas waxay gaartay markay dareentay in mawjadi sidato, ciddiina ka shakiday ee hooyadeed dhawr jeer canaanatay, beentii ay u sheegaysayna ka soo oodantay. Ma yarayn inta jeer ay guriga Sahra ka tagtay iyadoo niyaysan in ayan dib dambe ugu soo noqon. Haddana waxay is-arki jirtay iyadoo ku soo ordaysa, ee is celin kari wayday. Hadday dhawr beri gurigooda isku adkayso, nolosha oo dhan baa ka hor imaanaysa. Cuntada, hurdada, akhriska, dadka guriga jooga iyo hadalkooda, waxaa oo dhammi way dhibayaan. Way ku xajiimoonaysaa. Markaasay is cunaysaa, ee is karhaysaa, wax walbana karhaysaa, ka dibna joogi kari waayaysaa, ee soo xargo goosanaysaa.

Muddo ka dib, Axmed iyo Maana wixii ay isu qabeen way qarsoomi kari waayeen. Runtii baa la isu sheegay. Jacaylkii waa soo shaac baxay. Fagaare faydan baa loogu faysteeyey. Qoftii u horraysay ee daaha ka rogtayna Sahray ahayd. Ka dib markay labadooda midba gooni u daristay, in ay isku cudur yihiinna ogaatay, ayay u kala xog warrantay, kuna dhiirri gelisay in ay xanuunkooda isu qirtaan. Axmed baa ku horreeyey ee beryo is bandhigayey. Maanana markii dambe is qarin wayday. Daahii waa la iska rogay. Dhufayskii waa la isaga soo baxay. Kalgacaylkii waa la isku gacan qaaday. Heestii jacaylka waa la darandoorriyey. Maqaarsaarkii Sahra waa laga baxay. Gurigeedii culayskii badnaa waa laga qaaday. Kooxdii waa laga madax bannaanaaday. Madal jacayl baa meelo cusub laga furtay. Guriga Axmed ka mid buu noqday. Maana-Faay waa la soo baray. Markay cidda kataan ka heshaba way u soo dhuumataa. “Dugsigii baa galabta lagu noqonayaa,” iyo “Gabar baan duruus la soo akhrisanayaa,” bay ku marmarsootaa. Aay-Caddeey Allaahu run. Horaa loo yiri, runtaada hore beentaada dambay u roon tahay.

— 3 —

Ishii bugtaay ku bikaacso! Waa taas Maana-Faay caawa ku gabbaldhacsatay gurigii gacaliyaheed. Ninkii hadlayaa ha hadlo. Af la buuraa ninkuu ku yaal buu dhibaa. Ag fadhigiisu farxadda uu nafsaddeeda ku beero way ku baddelanaysaa canaan kastoo ka soo gaarta. Way ku qabtaa xan kastoo laga been abuuro. Doob dareen baa dilay! Dadow i daaya! Dawadii naftaydaan dugsanayaaye! Iikar Aaw Mukhtaarna aaway? Ma ogi. Ma ogi. Ma ogi! Dhub Alla ha siiyo dhiblowgaas! Markuu Iikar ku soo dhacay bay isku naxday. Intay Axmed wajigiisa eegmo lama filaan ah qac ku siisay, bay degdeg uga jeesatay, ee indhaha hoos u rogatay. Waxaa saaqay dareen dhalanteed ah oo cabsi geliyey. Waxay la noqotay in uu Axmed uurkeeda daalacday ee Iikar ka dhex arkay, ogaadayna arrinta ka dhaxaysa iyada iyo ina-adeerkeed. Iyadoon is garanayn bay wajigiisa xanaaq ka eegaysey. Markay is garatayna waa tii degdeg uga jeesatay. Waxay ka cararaysey in eegmadu shaki geliso, ama indhihiisa soo jiidato, ka dibna uu dareemo walwalka wajigeeda ku sawirmay. Hoos-u-jeesiga waxay ku qarinaysey walaacii ku dhacay korkeedana wada saameeyey. Hase yeeshee, wuu qarsoomi kari waayey. Sheekadii uu u hayey way ka hartay. Inuu hadlaayo way maqlaysey. Waxa uu ka hadlaayose goorahaanba lama socon. Isagoo hadalkii dhexda uga jira, ayay intay sacabkeeda midig isku babisay uga naxsatay!

“Axmed minankaada kuleel waaye.” Waxay isku dayaysey in ay hadalkaas walaaceeda ku qariso. Ama in ay albaabkiisa ku ooddo.

Intuu wajigeeda ka ilbuuxsaday buu yiri, isagoo sheekada ay kala goysay filan waageedu indhihiisa ka muuqdo, “Ma kululaatay Maana?” Intuu babis soo haabtay buu cod macaan ugu raaciyey, “Iga raalli ahow gacaliso, haddii aan dareemi waayey in kulayl ku hayo! Marka aad ila joogtid, jacaylkaaga mooyee wax kale ma dareemo. Hawadu kulayl iyo dhaxan mid ay tahay ma garanayn.”

Intay markuu in yar babiyey, babiskii si dabacsan uga soo qabsatay bay tiri, “Waad mahadsan tahay.”

Wuxuu afka u kala qaaday in uu hadal yiraahdo. Laakiin intaan eray ka soo bixin buu maqlay albaabkii yare riixnaa oo la garaacayo iyo “Bermeeso” nin leh. Intuu jalleecay buu yiri, “Soo dhaaf!”

Maana-Faay intay isku naxday bay Axmed ka durugtay.

Inan madow oo xoog weyn baa soo galay. Xabbad sigaar ah oo daaran baa laba farood dhexdooda ugu jirta. Gacanta kalena silsilad dheer oo xirmo furayaal ah ka lulata, ayuu si qabweyni ku jirto ugu wirfinayaa. Markuu madaxa la soo galayba, waxaa qacdii hore indhihiisa jiidatay gabadha quruxda badan ee kursiga ka dhakoosha. Cabbaar bay indhihiisii ku dul suuxeen, sidii bir magnad qabsaday, addimadana midba mar buu si culus u soo qaadayey. Abbabaay. Abbabaay! Ar waxaasaa qurux lagaa yiraahdaa! Daayeerku xaggee buu ka helay malaa’igtaan yar? Maxaan anigu u heli waayey intuu isagu helayey, anigaaba intaas magaalada afarteeda gees baabuur la wiifayee? Intii uu sidaas uurka ka lahaa, afkana wuxuu ka yiri, “Galab wanaagsan!”

Oraahda noocaas ah weligii kuma salaamin saaxiibki. Kajan iyo xifaaluu hore uga bilaabi jiray. Oraahda asluubaysan, eegmada hurdaysan, saanqaadka miisaaman iyo sigaarka qabweynida loo jiidayo, intuba waa dhoollatusad gabadhu ka keentay. Waa caado uu leeyahay markuu gabar cusub la kulmo. Markuu meeshii gabadhu fadhiday hal tallaabo u soo jirsaday buu intuu si xushmad leh gacan ugu soo taagay ku yiri, “Abbaaye Kulmiyaa la i yiraahdaa.”

Intaan Maana u jawaabin buu yiri Axmed, sidii nin eed reeb ah, ee ka gaashaamanaya in waajib-gudasho la’aan lagu eedeeyo, “Kulmiye waa saaxiibkay aan isku dheernahay. Iska jir, waa dumaashigaaga koowaad.” Haddana intuu Maana garabka shishe gacanta ka saaray buu yiri, isagoo Kulmiye hadalka u jeedinaya, “Maana-Faay. Waxaan u malaynayaa wax badan baad iga maqashay. Waa qoftii aan ku dhaaran jiray. Magaceedu kuguma cusba.”

Haah, waa qoftii uu barashadeeda kaa meermeerin jirey. Galabtaad qabatay. Alleylehe bagaad ugu timid. Ilayn hadduu beryahaan dumarkii kale ka go’ay, waa nin sabiibkaan cidla ka helay! Intuu mar labaad Maana gacan qaaday, buu yiri, isagoo fikradahaas madixiisa ku soo dhacay dhoolla-caddayn ku qarinaya, gacanteedii dabacsanaydna weli ku dheggan, “Maana-Faay miyaa qoftaani? Waa runtaa. Magaceedu iima cusbee, araggeeda uun baa ii dhimmanaa, isagana galabtaan nasiib u yeeshay. Barasha wanaagsan!”

“Barasha wanaagsan!” bay ka daba tiri, iyadoo gacanteedii uu ku dhaggenaa tartiib ugala baxaysa, ee uurka ka leh, Iga fuq bisinkee!

“Aad baan ugu faraxsanahay,” isagiiba sii watay, isagoo kursi uu soo jiitay ku sii fariisanaya, “In aan galabta dumaashiday bartay. Inkastoo aynnaan is arkin, waan la socday in aad qof wanaagsan tahay. Sidaas daraaddeed, waxaan hadda ka hor Axmed ku iri, habeenka u horreeya ee aad Maana iskaaya bartid, labadiinnuba anigaad ii casuman tihiin. Nasiib wanaag caaway noqotay. Casumaaddaydii waan fulinayaa, idinkuna waad iga aqbalaysaan. Adiga sharafkaaga, ayaynu isku casumaynaa Maana. Isbarashadii qoyska oo dhammaystirantayna waynnu u dabbaaldegaynaa. Sow ma aha Maana? Qalinka noogu duug! Allaa yacisak!”

“Abboowe waa mahadsan tahay. Cawada wakhti ma qabi,” bay ugu jawaabtay iyadoo dhoolla-caddaynaysa, qosol dhab ahna isku celinaysa. Waxay iska dhigaysey qof hadalkiisa u bogtay, ee riyaaqiisa u qoslaysa. Dhabtuse waxay ahayd, hadal tiradiisa iyo indha adaygiisay ku qoslaysey.

Axmed qudhiisa mar baa qosol ka soo fakan gaaray, markii Kulmiye ku andacoonayey in uu martiqaadkiisa hore ugu sheegay. Markuu beenta uu qurxinayo maqlay, buu intuu darbiga xaggiisa u jeestay, uurka ka yiri, Iska wad waa munaafaqnimadaadii aad weligaaba hablaha ku indha sarcaadin jirtaye!

Kulmiye martiqaadku ka dhab buu ahaa, kase daacad ma aheyn. Markuu Maana arkay buu go’aan degdeg ah ku gaaray in uu daraaddeed u baabi’iyo barnaamijkii habeenkaas u qorshaysnaa. Wuxuu la ballansanaa laba gabdhood oo uu xalay iyagoo waddada taagan ka qaaday, ee soo cashaysiiyey, ka dibna ay ku adkaatay in uu middood ku keliyaysto, tan labaadna khaarajiyo. Waqtiguna ciriiri buu ku ahaa, waayo gabar uu labadaas beri wadwaday buu gurigiisa kula ballansanaa. Sidaa awgeed ayuu asxaabtii cusbayd ku yiri, “Waa inoo habeen dambe!” Axmedna wuxuu u soo maray inuu hore u qaado, ee yiraahdo, “Naagaha mid iga qabo,” si uu tan kale daynkiisii uga gudsado. Markuu Maana-Faay arkay hablihii fiidmeerta ahaa iyo barnaamijkoodiiba wuu la qiime beelay. Hase yeeshee, martiqaadkaas iyo barnaamij-burburintaasi kama ahayn deeqsinnimo ka badatay iyo daacadnimo saaxiib ahaaneed. Ugu danayn mayn Maana-Faay iyo Axmedkeeda. Isagaa meesha dan ku watey.

Waa caado uu leeyahay marka uu gabar qurxoon la kulmo, in uusan si fudud uga gudbin isku dayiddiisa hore, waa in uu isla markaasba barnaamij la samaysto. Hadday taasi ku adkaato, sida badanaaba dhacda, wuxuu ku dadaalaa in uu ka guntado xarig uu berri raad raaci karo. Gurigeeda, taleefoonkeeda, meesha ay ka shaqayso, ama dugsiga ay dhigato iyo wixi la mid ah. Kuma aammino taleefoon ay isaga ka qaadato, ama ballan ay u dhigto oo keli ah. Isla markaas, waa in uu inta ay la joogto ‘burhaantiisa’ wax ka tusaa, ee run iyo beenba ku indha sarcaadiyaa, si ay araggiisa labaad ugu soo hilowdo.

Taasi waa qofta caadiga ah ee uu ugaarsanayo. Laakiinse tani waa dumaashidi. Dumaashidi miyaa hunguri ka hayaa? Xaashaa lillaah! Sharafkiisaa ka weyn! Oo haddaas muxuu ilaa xadkaas u danaynayaa? Muxuu barnaamijkii u qorshaysnaa ugu loogay? Muxuu isagoon waqti haysan u soo ag fariistay, ee sheekada dheer ugu galay? Hayaay! Muxuu uga hagaagi la’yahay, ee ay weli u haysataa sidii magnadkii? Muxuu u sii dhadhansanayaa erayadeeda? Muxuu u sii macaansanayaa daymadeeda? Bal adba! Ma uu garanayo. Timir laf baa ku jirta! Ceeb Alla ha asturo! Maya. Maya. Xaashaa. Alle iguma jirrabin in aan saaxiibkay gacan dhaafo. Inta naago Ilaahay badshay dumaashiday wax ka damci mayo. Immisaa bocor i daba ordaysa, ee aan ballannadoodii kala jahayn kari la’ahay! Laakiinse tani dumaashiyo la mid ma aha, dumar la jaad maaha. Eeysh calaa cuyuun!

Qoftu ma qof baa! Yaa salaam! Bal Ilaah baan idinku dhaarshaye, eega canabkaas bislaaday! Ma indhahaasaa la iska celin karaa! Ufaa caleeg! Jalleeceeda macaan baa i dishay! Istaaqfurulla! Nacallaa shaydaan ku yaal! Hungurigaygow yur! Ceeb caleeg! Laakiin sow ma suurtowdo in ay saaxiibkaa kala haraan, illayn isma qabaane, ee aad markaas ka dib cidla ka heshid? Haah. Maxay u suurtoobi wayday. Yaakhey muu isaga haro! Tolow sidee uga reebtaa? Calaa kulli xaal, qofta si fiican isu bar.

Intii uu xabbad sigaar ah shidashadeed ku marmarsoonayey, buu mawjadahaas oo dhan dhex muquufay. Dhawr jeer buu Maana-Faay ku celceliyey soo bandhigiddii martiqaadka. Wuxuu isku dayey in uu ku qanciyo. Hase yeeshee way u soo dabci wayday. Waxay markii dambe ku afgobaadsatay, “Caawa kuma soo tala geline waqti kale ha noo ahaato.”

Axmedna markii dambe ra’yigaas ‘reer magaalnimada’ ah garab buu ku siiyey. Saaxiibkiisna wuxuu ku qanciyey in ay Maana galabtoo dhan gurigoodii ka soo maqnayd, intaas ka badanna ka maqnaan karin, waana wax jira.

Wuxuu kaloo u raaciyey in loo baahan yahay in Kulmiye saaxiibaddiisna martiqaadka laga qayb galiyo, taasina ayan habeenkaas suurta gal noqon karayn. “Maxaa yeelay qoftii la marti qaadayo waa in waqti hore la wargeliyaa,” buu yiri Axmed, isagoo si dadban Kulmiye ugu sheegaya in martiqaadkiisu degdeg yahay, loona baahnaa hadduu caawa Maana marti qaadayo in uu shalay ama dorraad u sii sheego. Sidaasaa loogu heshiiyey in martiqaadkii dib loo dhigo.

“Maana waxay i soo xusuusinaysaa,” Kulmiyaa yiri, isagoo Maana eegaya, “Gabadhii sannadkii dhawayd ku guulaysatay tartankii boqoradda quruxda adduunka ee Landhan lagu qabtay. Aad baad isugu eg tihiin. Haddaad isku dal u dhalan lahaydeen, waxaan is-oran lahaa waa mataano.”

Axmed markuu warkaas maqlay buu buugaag koomadiin Maana gadaasheeda yaal ku dul rasaysnaa ku dhaqaaqay. Sidii nin aan sheekada u dhugma lahayn buu buug ku sii jeestay. Laakiinse buugga akhrin mayne sheekada Kulmiyuu hoosta kala socday. Wuxuu ku sigtay inuu yiraahdo, “Aaheey waa markaagii. Adeerow boqorad quruxdeed ma aadan arag, gabadha beenta ha iiga beer goyn.”

“Ad gebertaas intee ku aragtay?” Maana-Faay baa waydiisay.

“Landhan baan ku arkay, markii tartankaasi ka socday. Iglan baan berigaas dalxiis ku joogay. Beri dambana Baariis baan ku arkay. Hoteelka Hiltoon oo aan dagganaa bay iyaduna soo gashay. Habeen baan caweyska hoteelka ku casumay. Iyaduna markeeday i casuntay. Hablaha Yurubku kuweennoo kale ma ahee waa dad ilbax ah. Ka dib qoftii sidii baan ku saaxiibnay.”

Axmed intuu saaxiibkii isha qac ku siiyey buu haddana buuggiisii ku jeestay. Daymadiisaas Kulmiye wuxuu ka gartay in uu leeyahay, “Nin aan beenta la xishoon baad tahay. Goormaa Landhan tartanka quruxda lagu qabtay. Yaase adiga sannadkii dhawayd Landhan ku geeyey, waa taynnu is ogayne. Xaggeese ku aragtay Hiltoonka Baariis. Yaaba sannadkii dhawayd tartan quruxeed isugu yimid?”

Maana-Faay oo aan arrimahaas oo dhan waxba kala socon, sheekadii Kulmiyana xiise la yeelatay baa tiri, “Oo Baariisna maxaa ka jerisay?”

Intuu yare ruqaansaday, ee fadhigiisii iyo codkiisiiba haybadeeyey buu yiri, “Shirkad Faransiis ah oo aan lacag ku lahaa baan la soo xisaabtamayey!”

Markay arrintii halkaas gaartay, buu Axmed intuu u adkaysan waayey ka dhex galay. Intuu saacadda eegay buu yiri, “Kulmiye baabuurkii waad wadataa sow ma aha?”

“Haah, maxaa baabuur la’aan i dhigay.”

Intuu kacay buu yiri, isagoo is diyaarinaya, ee katabaanka surweel ka soo haabanaya, “Fiican weeye. Haddaba waxaynnu sii dhawaynaynaa Maana.”

— 4 —

Maana-Faay Xamar Weynaa la geeyey. Kawaanka weyn agtiisay baabuurkii uga dagtay. In xaafaddooda intaas looga sii dhawaado way diidday. Waxay ka baqaysey in dad garanaaya arkaan.

Markay libirtay buu Kulmiye Axmed ku soo jeestay, isagoo leh, “Ii dhiib gacanta!” Intuu si diirran u gacan qaaday buu yiri, “Waan kuugu hambalyaynayaa in aad qof cajaa’ib ah heshay.”

Axmed jawaab daymo iyo dhoolla-caddayn dhaafsiisan uma celin. Kulmiyana intuu in yar aamusay buu hadalkiisii watay, ee yiri, “Laakiinse waxaan ka baqayaa in aadan ka faa’iidaysan.”

“Maxaad ula jeeddaa ka faa’iidaysigaas?”

“Maxaan kaaga sheegayaa waxa laga faa’iidaysto gabar qurxoon oo kuu soo gacan gashay. Run ahaantii ima cajabin sidii aad u fadhideen markii aan galabta idiin imid. Ma dhawayn baan u malaynayaa markii aad is barateen. Immisa toddobaad baad is tiqiinneen?”

“Saddex bilood ku dhawaad.”

“Bal eeg Ilaah baan kugu dhaarshaye nacasnimadaada! Qof aad saddex bilood is waddeen baa galabta kursi kaaga dhakooshay. Maxaa jira marka aad kursiga fariisinaysid, ma Quraan bay kugu akhrinaysaa?”

“Maxaa dhacay, xaggee baad rabtay in aan fariisiyo?”

“Maxay kuu qabanaysaa sariirta aad keligaa yaxoobtid, sidii shiikh salaad dhawranaya? Maad intaad u jiifsatid, ee gacmaha u kala fidisid, tiraahdid: Hab ku soo dheh caashaqa?”

“Oo miyaan la wada joogi karin haddaan sariirta dusheeda hab la isku dhihin?”

“Maxay kaa ag samaynaysaa, ma sawir ahaan baad u daawanaysaa, iyaduse ma ajar bay kaa soo raadsatay, mise farriin bay kuu keentay? Maxaa jira waqti dhumiskaas! Maxaad nin rag ah ka tahay marka aad gabar qurux badan oo qolkaaga kuugu soo gashay kursi ka dhakoolinaysid, ee aad awoodi kari wayday in aad sariirta ku soo dhawaysid, dharka culeyskiisa ka dhigtid, ka dibna hee! Oheey oh! Waxaan maqli jiray baadiyi nin aan lahayn bay ag joogtaa!”

“Waad khaldan tahay saaxiib. Laf baad toobin ku haysaa, haddaad ragannimada sidaas u fahamsan tahay. Ragannimada micnaheedu ma aha in gabadhii qolkaaga soo gashaba sidii waraabihii lagula boodo ee sariirta lala koro. Sariirtu waxay leedahay waqtigeeda iyo qorsheheeda. Sideedana ahmiyadda ay adiga kula leedahay dadka lama wada leh. Qof waliba wuxuu leeyahay dooqiisa iyo qorshihiisa gaarka ah.”

“Waxaad i tiraahdaa waxaa jirta qof aan sariirta u baahnayn oo malaa’ig ah!”

“Waa loo wada baahan yahay, laakiin waxaan ku iri waxaa lagu socdaa waqti iyo qorshe, waana taas midda dadku xoolaha uga duwan yahay. Baahidaada degdegga ah oo keliya hadday ku hoggaamiso, ee aad noqotid maalin-la-nool calooshi-la-ciyaar ah, markaas waxaad la mid tahay xoolaha.”

“Haah. Markaad wacdiga ii geli jirtay baa la soo gaaray. Shiikhow waxaan ku waydiiyey, hal masalo iga jaahilbixi, adigaa cilmi Eebbe ku baraye: Nin iyo naag maxaa isu keena, sow in ay isku raaxaystaan ma aha?”

“Xitaa taada haddaan kuu raaco, ee xiriirka ragga iyo dumarka dhanka isku raaxaysiga keliya ka eegno, raaxadu kuma koobna sariirta dusheeda. Siyaalo badan oo kala gaddisan baa lagu gaaraa. Waxay ku xiran tahay marba labada qof xiriirkoodu inta uu qota le’eg yahay iyo dareenka isku xirayaa nooca uu yahay. Waxaa laga yaabaa gabadhii galabta i ag fadhiday, raaxada aan ag fadhigeedaas iyo la sheekaysigeeda ka helaayo in aadan ka helin intii gabdhood ee aad waligaa sariir ku midowdeen oo la isku wada daray.”

“Micnaha waxaad leedahay gabadhaa, waan jeclahay, adiguse weligaa wax ma jeclaan, sow ma aha?”

“Adigu in aad weligaa wax jeclaatay iyo in kale adigaa iiga xog ogaalsan, laakiinse anigu qoftaas waan jeclahay.”

Intuu qoslay buu kajankiisii sii watay, ee yiri, “Oo shiikhow kitaabku ma wuxuu dhigayaa gabadha aad jeceshahay sariirta waa laga dheereeyaa?”

Intuu aad u sii qoslay, baabuurkiina joojiyey, buu yiri, isagoo Axmed garabka ka dharbaaxaya, “Waah, waah, waxaasaa jaceyl ah! Eeysh calaa cashqaan! Illayn ninku waa nin cishqi dilooday, wax dabiibtana waayey! Hoheey jacaylow, kii Qays jicsintow, Cilmina waran ku jiidow, maxaad yarka nooga jiirtay!”

“Ma rumaysnid miyaa in Qays iyo Cilmi jacayl u dhinteen?” Axmed oo aan saaxiibki qosolkiisii badnaa kala qayb gelin, jacaylka uu ku jeesjeesayana aad uga xun baa su’aashaas waydiiyey.

“Taas waxaan rumaysanayaa marka aan rumaysto in adduunku yahay ukun dibi geeskii saaran, dibigana mukulaali sanka uga jirto, marka mukulaashu nuux-nuuxsatana dibigu madaxa gilgili doono, duniduna halkaas ku burburin doonto!”

“Kula yaabi maayo, qudhaydu jacaylka intii aan dabayshiisu i soo gaarin, ee aan sidaada maalin-la-noolka ahaa waxaan u haystay wax afka uun laga sheego sida khuraafaadkii aad hadda sheegaysay.”

“Waryaa ma anigaan jacayl i soo marin! Eey! Raalli ahow duqa! Aniga jacayl iguma gaari kartid. Habeen aanan gabar jaclaan ma jiro. Tii aan la qayilayo, shardi waa in aan caashaqaa. Miyaadan maqlayn habeenkii aan gurigaaga ku qayilayey wixii jacayl iga baxayey? Xaggee baad jirtay markii aan gabadhii ila qayilaysey ku lahaa, ‘Xabiibi macaaneey, xayaatadii naftaydaay, xubbigaagaan la taahayaaye, xabadka i soo saar, xanuunka aan ka raystee!’ Markay ii soo gurmataye aannu cabbaar isla gabaara gaddoonayna, xisaabtii jacaylka halkaasay noogu xirantay. Habeen kasta sidaasaan tii markaas ila joogta xabiibi iyo xayaati isugu jiibinnaa, ee jacaylka u darandoorinnaa.”

“Aroortiina isma taqaanniin?”

“Aroortii maxaa iskaaya baray, ma takhtar baa isu kaaya qoray! Qof waliba jacayl cusub buu hortiisa ka raadsanayaa, wixii cusub caalamkaa jecel. Mise waxaad rabtay in aan sidaada saddex bilood ka soo hor jeedo, sariirtana kala cabsado? War wax isku fal oo sida isu dhaan baan ku iri! Gabadha miskiinta ahna xaraarada ha ku diline baashaali, oo sigaarka iyo qaadka iyo waxyaalaha kaloo lagu raaxaysto bar. Haddii kale wallee maalin dhow way kaa cararaysaa, illayn ku caabudi maysee.”

“Wax kula taliya adigaa u baahan Kulmiye, haddaad talo qaadanaysid, laakiinse horaan kuugu daalay.”

“Maxaad igula talin lahayd?”

“Waxaan kugula talin lahaa in aad baddashid qaabka aad u dhaqanto iyo sida aad nolosha u fahamsan tahay.”

“Miyay kula xun tahay in la iska waqti qaato inta aad dhallinyar tahay?”

“Adiga miyay kula wanaagsan tahay in aad waqtigaaga, lacagtaada iyo awooddaada dhammaan isugu wada geysid oo keliya sidii aad habeen walba qaad, khamri iyo naago ugu dhex jiri lahayd; maalintiina daal iyo hurdo la gudan kari waydid shaqadaadii xilku kaa saarnaa, iyo in aad shakhsiyaddaada iyo sharaftaada u loogto sidii aad ku heli lahayd lacag aad waxyaalahaas ku kharaj-garayso? Goormaad mustaqbalkaaga u shaqaynaysaa, haddaad waqtigaagii qaaliga ahaa ee dhallinyarannimada sidaas ku dhammayso?”

“Yaan u shaqaynayaa, haddaan raaxadayda baabi’iyo? Ma jinni baan u shaqaynayaa, mise shaqadaa ii diidaysa in aan lafahayga u raaxaysto?”

“Jinni u shaqayn mayside waxaad u shaqaynaysaa aayahaaga dambe iyo aayaha ubadkaaga iyo ubadkooda.”

Kulmiye intuu isu qoslay buu hadalkii Axmed sii hikaadiyey, “Aayaha ubadkaaga iyo ubadkooda! Galabtana ubad ubad baad ii keentay miyaa! Maad sidaadii tiraahdid ‘aayaha bulshadaada!’ Maxay ahayd wixii kale? Haah. ‘Danaha bulshadaada. Ficiiska bulshadaada!’ Waabad roon tahay haddaad galabta bulsho bulshadii igala xishootay.”

“Adigu ‘bulsho’ haddaad maqashid waad ku xajiimoonaysaa, waayo waxaad og tahay in aad eed ka gashay, waajibkii kaa saarnaana ka baaqsatay.”

“Eedda aniga la iga galay mid ka weyni ma jirto.”

“Waa sida ay adiga kula tahay.”

“Ma ahee waa sida dhabta ah.”

“Xitaa haddii adiga eed lagaa galay, sow ma aha in aad kala saartid ciddii eedda kaa gashay iyo cidda aad adigu ka galaysid?”

“Waxba kala saari mayo. Mar haddaan aniguba xuquuqdaydii waayey, cidna waajib igama saarna. Qof walba waxaa la raaciyey danihiisa. Jidkii ay ila noqoto in aan dantayda ku gaarayo, ciddii igu eedaysaa waa iga gar-daran tahay. Adigaana ka kow ah.”

“Laakiin saaxiib waxaad moog tahay dantaadu in ay ku dhex jirto danta guud ee mujtamaca. Haddaad taas dayacdana, taaduna way la dayacmaysaa, ogow ama ha ogaane, kalamana dhex bixi kartid. Keligaa xaggee iska keeni lahayd, maxaadse qabsan kari lahayd, haddaadan bulsho-weyntaas ku tiirsanayn? Miyaadan ahayn nin abaal guda, ama garan kara cidda abaalka u gashay!”

“Alla maxaad dhunsan tahay, oo maskaxdaada xumbo ka buuxdaa! Waryaa, ma kula taliyaa? Qabqabtaan iyo shahiidnimadaan intaad iska daysid, cimri degdeg ha isku ridine inta aad dhallinta yar tahay lafahaaga u raaxayso. Haddii kale wallee sidii Qawdhan baad maalin dhow waalli ku dhufan!”

“Qawdhankee?”

“Qawdhan miyaanad garanayn? Kii reer Laba-Lugoodlee aynnu berigeennii ciyaal dugsiga isla ahaan jirnay, ka dibna markii dambe aynnu innagu waxbarashada dibedda u aadayney, isagu halkaan jaamacadda ka galay.”

Hadalka intiisii dambe Axmed waa ka goostay. Markii Kulmiye ninka qabiilkiisa xusay buu Axmed isla hadal galay. Wuxuu soo xasuustay odayaal reer miyi ah oo uu beri arki jiray iyagoo wax kasta maro qabiil huwinaya, markay qof ka sheekaynayaan, qabiilkiisa ku tilmaama, ee yiraahda ‘mid reer hebel ah’ ama ‘kii reer hebel’ iyo wixi la mid ah. Odayaashaas lama yaabi jirin, haddeerna lama yaabeen, waayo maskaxdooda lagama fili karo isbeddel weyn; aabbihi ayaaba ka mid ah. Laakiinse waxa uu la yaabaa ninka dhallinyarada ah, reer magaalka ah, jaamiciga ah (sida uu sheeganayo), oo haddana weli maskaxdiisu heerkaas joogto, qabyaaladda ku xisaabtamaya, saaxiibbadiisna mid walba qabiilkiisa yaqaan. Xaggee bay ka mareen wixii uu intaas baranayey iyo bulshooyinkii ilbaxa ahaa ee uu ku dhex jiray? buu is yiri. Hadda ma aha markii u horraysey ee uu ogaanayey fikradaha dambeeya ee saaxiibki amminsan yahay. Wax badan buu isku dayey in uu wax ka baddelo, kuna guulaysan waayey. Hadda wuu ka raja dhigay, wuxuuna goostay in uu ka xiriir furto, murankiisana ka nasto. Wuxuu ogaaday, in kastoo ay is dhinac fadhiyaan, in ay haddana aad u kala fog yihiin, si ay isugu soo dhawaadaanna adag tahay. Intuu daymo u nixid leh ku eegay buu yiri, “Kulmiye waxaa habboon baan filayaa in aynaan waxba is-harraadin, waayo labadeenna midna midka kale wax kama dhaadhicin karo.”

“Waxba kama qabo, laakiin anigu hal mid uun baan kugula dardaarmayaa. Weligaa naag ha aamminin. Waxba yay isu kaa miskiinin, annaga naga warayso, annagaa ku soo muruxnaye. Qub moos bay kuu dhigaysaa. Daacad bay isaga kaa dhigaysaa, intaasna hoostay niman kale ku wadataa. Ku dadaal in aad wax walba xiisaha hore uga dhammaysatid, inta aan nin kale kaala wareegin.”

“Waad ku mahadsan tahay casharkaaga qiimaha leh,” buu ugu jawaabay, isagoo ka cararaya in muran horleh oo madhale ahi ku furmo.

Kulmiyana intuu ku gartay buu yiri, isagoo dhoolla-caddaynaya, “Ma xanaaqday? Haddaad xanaaqdana la yaab ma leh, camal xumada waa la idinku yaqaan, sinji baad u leedihiin. Maalin dhawayd oo dhan mid cidihiinna ah baa la iga qabanayey intaan la kaftamay. Bal maxaa kaftankiisa igu watay, waa mid ay yiraahdaan ina…”

“Dhegayso Kulmiye!” Axmed baa ka dhex galay, “Billaa caleeg gurigaygii igu celi, nasashaan u baahnahaye!”

Axmed habeenkaas fiidnimuu iska seexday, Kulmiyana suuqiisuu hore u galay.

Xubinta 6aad

— 1 —

Fatuurad cad oo kala jiidan baa la soo wareegtay nalka baabuurta kala hora rukunkiisa ku hor yaal taallada Daljirka Dahsoon. Koonfur bay u weecatay. Waddada Soomaaliya ayay cagta la haleeshay, iyadoo luudaysa sidii wax soo daalay, ama jahadu ka dhunsan tahay ee aan u socon meel la og yahay. Waxay sii luuddaba markay Bangiga Dhexe la simaadkiisa soo gaartay, ayuu nalkeedii dardaray gabar cambuur baalal weyn oo kuwa habeenkii lagu xashaasho ah qabta, kabo cirbo dheerna hore ugu sii taagsanaysa.

Ninkii buurnaa ee baabuurka daadihinayey, markii ishiisu gabadha quruxda badan qac ku tiri, ayuu nalkii iyo socodkiiba yareeyey, hareerahana iska eegay, sidii nin wax maaggan. Gabadhiina intay iftiinka badan dhibsatay, bay waddadii midig uga sii durugtay, saantana hoos ka boobtay, sidii iyadoo ka cararaysa baabuurka kala jiidan ee soo daba higsanaya.

Gabadhu waa Maana-Faay oo Shabeelle tagsi uga dagtay, ka dibna goosatay in ay sii lugayso ilaa Xamar Weyne iyo gurigoodii. Saacadda oo ay dhawaan fiirisay bay mar kale isha ku xadday. Ma xuma. Siddeeddii fiidnimo weli wax baa dhimman. Waxay jeclayd in ay guriga dhakhso u tagto, mar haddii ay ku guulaysan wayday arrintii ay galabtaas u dhuumatay. Markii maanta la qadeeyey, qof walbana sariirtiisa koray, bay iyadu hurdo iska wayday. Muuqaalkii Axmed Jaamac baa maankeeda hor taagnaa, maskaxdeedana mashquuliyey. Waxay galgalataba intay mar qura sariirtii ka boodday bay mayrasho ku dhaqaaqday. Waxay go’aan kadis ah ku gaartay in ay booqasho kadis ah ugu tagto. Ilaa bartamaha Hodan bay socdaal ku sii jirtay. Sartii caddayd ee jaranjarta gaaban lahayd bay isa sii taagtay. Nasiib darro albaab xiran baa ka hor yimid. Axmed galabtaas shaquu ku laabtay. Maana-Faayna niyajabkeedii bay la soo noqotay. Soo bixiddeedii way ka shallayday. Walwal iyo walaac baa uga sii kordhay. Weli iyadaa isku maqan. Waxa hareeraheeda ka dhacaya iyo buuqa ay ku dhex jirto ma dareensana. Dukaammada cammiran ee ay hor marayso, dadka faraha badan ee is garbinaya, gawaarida waalan ee is dhex yaacaysa, guuxooduna hawada buuxiyey, intaba way u war la’dahay. Fatuuradda kala jiidan ee u soo gaatamaysa way moog tahay.

— 2 —

Odaygii feeraha weynaa ee fatuuradda ku gaatamayey, waa kaas hareeraha fiirfiirinaya, sidii nin baadi ka dhuntay buuqa ka dhex raadinaya. Fatuuradda socodkeedii dhaqaaq-joogsi buu noqday. Ninka odayga ah maskaxdiisiina waxaa kala jabsaday gabadha sii socota iyo khalqiga faraha badan oo ay ku dhex jirto.

Waa bartamaha Xamar oo fiid jooga. Dadka baas fara badanaa, ma warshad bay ka soo fagmayaan? Baabuurtuna ka daran. Xaggee bay ku qamaamayaan, may noo firaaqeeyaan, wax yarna ha ahaatee? Firaaqo warkeed daa. Wixii ku fiirinayaa ha ku fiirsheene hawshaada iska qabso! Maya. Maya. Meeshaani ma aha meel gabar lagula hadli karo. Nin weyn baad tahay oo sharaf leh. Dadkuna wada yaqaan. Nin madax ah baad tahay oo magac leh. Madaxnimada iyo magacaba markaasoo kalaan nacaa. Xornimaday naga qaadayaan. Nasiib badanaa nin aan cidina aqoon, cidna ka xarig xiranayn! Wixii uu doonuu samayn karaa. Adigu maxaad samayn kartaa? Laga yaabee waxaas hareerahaaga yaacaya badankoodu inay ku garanayaan. Lagaba yaabee in ay kugu soo baxaan kuwii aad dhashay ama kuwii kula shaqaynayey ee aad madaxda u ahayd. Jinni baa wax dhala! Balaayaa madax noqota! Bal eeg bocortaas ay na seejinayaan! Qoor iyo xero isku biimee! Ma cirkaa soo dumaya. Rag iyo dumar weligoodba waa la isku ogaaye, maxaa ka micne ah. Laakiin sug! Markaad dhoocishaas baabuurka u joojisid, hadday ku raacdo waxba ma aha; laakiin hadday kugu jeestayso, dadkuna kugu wada qoslo, sow fadeexad weyn ma aha? Waa fool xumo. I iihi. Allaylehe isaga tag, Ilaah baa wax ku siiyee. Laakiinse qof laga tagi karo miyaa? Oo kaalay, maa iska daba gashid inta ay buuqa ka gudbayso, ee meel mugdi ah gaarayso. Laakiinse yaa og inay gaarayso? Hadda waa tan hor maraysa Kafee Nasunaale. Hadday isgoyska la leexato, rajo ma leh. Midig iyo bidix kii ay u bayrtaaba waa buuq hor leh. Laakiinse hadday tooskeeda u socoto way wanaagsan tahay. Mar hadday iridka weyn ee Hoteel Curuuba ka gudubto, dadka iyo iftiinkuba way yaraanayaan. Halkaasaad uga daba tagaysaa. Nasiib haddaad leedahay horteeda uun ha u socoto.

Hawshii uu hayey iyo jidkii ciriiriga ahaa markay iskeeni waayeen buu baabuurkii joojiyey. Intuu ka soo dagtay buu sigaar-iibsi ku marmarsooday. Ishiisuna waxay la jirtay gabadha cambuurka baallaha weyn qabta ee isgoyska ka sii tallaabaysa. Wuxuu ku ducaysanayey in ay tooskeeda u sii socoto. Ducadiisii aqbal bay noqotay.

Saaxiibkeen baabuurkiisii kala jiidnaa buu degdeg u galay, una kiciyey, isagoo faraxsan, sidii nin ku guulaystay ‘baqtiyaa nasiib’ qaali ah!

Maana-Faay markii ay Museyemka Ummadda in yar garab dhaaftay, ayay ku war heshay baabuur cad oo horteeda qotonsaday. Tolow ma iyaduu isu taagay, mise danihiisa kale! Shaki baa galay, waxayse arrintii u kala caddaatay markay daaqaddiisa la sinnayd, ee maqashay ninkii watay oo leh, “Yareey!”

Si otomaatik ah bay u fiirisay iyadoon joogsan. Waxaa galay dareen ah in uu yahay nin garanaya iyo in kale. Intuu eegmadeedii ka faa’iidaystay buu u raaciyey, “Kaalay abbaaye, wax yar baan ku waydiinayaaye!”

Aragtay in ayan is-aqoon. Ujeeddadiisana fahamtay. Intay wajigeedii si degdeg ah uga soo ceshatay, bay saantii hore u sii boobtay. iyadoo u naqsanaysa. Abbaaye kuma lahoo! Abootadaada waa! Adoogay waa ka weeyn yahay, mana ka sheexaayo shukhul xumaantaas. Akhas! Wallaahi adduunyo gaddoon waaye. Dukhyaalkii aaba dariikhyaha laga mari weeysan yahay! Intee amaan laga helaa hadda waaye! Hadda duqnimada uun bay ku haaraamaysaye, tolow maxay oran lahayd haddii ay ogaan lahayd in uu yahay soddoggeed, saaxiibkeed aabbihi?

Jaamac Dhegey weli halkiisii buu jacdii ku dhacday la fadhiyaa. Ceeb Alla ha asturo! Wuu ka soo toosay jugtii. Waa kaas soo dhaqaaqay. Malaha go’aan buu gaaray, Meeshaad ku qoydo waa lagu qallalsadaa! Sahalkaas uga hari maayo. Waa in uu ka sal gaaraa, gabadhaan xunoo is-kibrinaysa. Markuu ugu liito waa in uu ogaadaa meesha ay gasho, si uu ugu qaylo gaysto kaaliyayaashiisii hawlaha noocaas ah u fududayn jiray, ee khibradda gaarka ah ku lahaa. Isaguna ka abaalmarin jiray.

Wuxuu goostay in uu tijaabadii hore mar labaad soo celiyo, erayadiina baddelo, wixii ka dhici lahaaba ha ka dhaceene. Hase yeeshee intuusan soo gaarin bay amuuri dhacday! Qoftii uu ugaarsanayey, gabar kalaa intay ka hor timid salaan diirran la iskula booday ee la is dhun-dhunkanayaa. Gabadhii buu gartay. Ma anaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa? Ma run baa ma riyaa? Allow riyo ka dhig! Rab ama ha rabin. Wallee waa run. Ma tahay, mise ma aha? Qoor iyo xero, waa iyadii! Waa Sahra Yuusuf oo aan caad saamayn! Ceebeey tacaal! Cirkii baa ku soo dumay. Carradii baa ku oloshay. Ciribtiisaa go’day. Balaayo waa tii caawa halkaan keentay!

Wadnihii baa afka yimid. Dhiiggii halbowlayaashiisa meeraysanayey baa karkaray, kuna sigtay in uu bannaanka u butaaco. Wuxuu jeclaystay in dhulka hoose u banneeyo god uu ka dhex duso. Ama cirka sare u soo rido wiish uu ku duulo. Balaayo ku dhashay isla wareegadiiyeey! Bal maxay xilligaan Xamar Weyne ka soo doontay?

Intuu dhankii gabdhuhu ka xigeen wajiga ka dadbay, buu baabuurkii diyaarad camal u bitiyey. Rajadiisu waxay ahayd, intaysan ku garan ka siibo. Rajadaas Rabbi kama aqbalin. Sahra mar horaa baabuurka kala jiidani indhaheeda soo dabay, abtigeedna ka dhex aragtay. Waxay isu diyaarisay markuu soo eego in ay salaanto. Eegmo warkeedse ma oolline xuf buu ku dhaafay.

Maana-Faay markay iyadoo fiirinaysa aragtay bay intay ka faa’iidaysatay ku tiri, “Abbaay Sahro, cawada siin u yaabay abidkeey ma u yaabin.”

“Maxaa jirana?”

“Walaahi, haddiin kuu warramo, ad naftirkaada waa yaabey maahine jinniyaa kugu dhacaayo!”

“Bisinka! Naa bal ii warran!”

“Abbaay ninkii oo fatuurada cadka eh inta la moodaayey ma arkinoo?” Sahra way aamustay, sidii qof aan waxba fahmin.

“Hadda kii inta moodaayayna?” Maanaa u raacisay.

“Haah, hee?”

“Abbaay haddiin ku dhoho dukhaas weyn aan cawada dhan ka baxsan waayey!”

Sahra xaaddaa istaagtay. Dabayl yar oo naxdin iyo yaxyax isugu jirta ayaa shax ku tiri. Amakaaggii bay afka sacabka saartay. Gabadhii bay su’aalo aan loo baahnayn ku celcelisay. Waxay jeclaysatay in ay Maana been sheegayso, ama nin kale moodday. Runtii kharaarayd baa dhuunteeda ka dagi wayday. Sidee waxaasi uga suurtoobi karaan abtigeed Jaamac Dhegaygii ay ku taqiin ikhyaarnimadiisa iyo sharaf-ilaalintiisa! Sow ma aha kii iyada ku dili jiray “Maxaad fiid hore u soo seexan wayday?” iyo “Muxuu ahaa ninkii kuu yimid?” Sow ma aha kii nacladda dusha uga tuuri jiray nimanka gabdhaha ugaarsada, iyagoon ciddooda u soo marin, ama gurigooda ugu imaan? Sow ma aha kii “Wasakh Najaasaysan” ku tilmaami jiray gabdhaha baabuurta cadcad waddooyinka ka raaca? Sow ma aha kii wiilashiisa ka waanin jiray gabdhaha ayan aqoon iyo shukaansiga aan jidkiisii toosnaa loo marin?

Maya. Maya. Maya. Ma aha abtigay ninka waxaasi ka suurtoobeen. Ma abtigay baa maanta gabdho yaryar gaari ku qaadanaya? Taasi waa qorraxdii bari laga sugayey oo galbeed ka soo baxday. Wax dhici kara ma aha. Yartu been bay baratay. Laakiinse Maana been ma taqaan. Warkaanina been uma eka. Malaha ninku abtigay ma ahayne, anigaa is-moodsiiyey. Laakiin ma abtigaa baa dad kaaga khaldami kara? Sow adigii arkaayey madaxiisii weynaa ee tintu ku yarayd iyo shaatigii diillimaha lahaa ee uu galabta ku soo baxay! Kaalay, dad iyo duurba wax aadan ka filanayn baa ka soo baxee, duqa wixii beryahaan habartu uga cabanaysey armay wax ka jiraan? Ma suurtoobi karto. Habartu iyadaa waalan. Dad war-xuma-tashiil ah baa waalay. Wallee waa yaab! Waxba garan maayo! Intay dhaqaaqday bay tiri, “Maana jaaw, waan sii hoyanayaaye!” sidii qof ka baxsanaysa dambi loo haysto!

– 3 –

Injineer Axmed Jaamac intuu Jubba kafee ka cabbay buu waddada qarkeeda isa soo taagay. Xaggee buu ku dhaqaajiyaa! Fasaxii gaabnaa maantuu uga eg yahay. Berri shaqadiisii adkayd buu bilaabi doonaa. Caawana wuxuu leeyahay barnaamij muhiim ah, oo ay ku talo galeen isaga iyo saaxiibtii Maana-Faay. Waxay isku ogaayeen in ay habeenkaas marti qaadaan Sahra Yuusuf iyo Cabdinaasir. Fikradda Maanaa soo jeedisay. Axmedna waa u riyaaqay, waana ku raacay. Laakiinse wuxuu ka liitay xagga jeebka. Maana meeshii kharash ku baxaayo waxay ku adkaysataa in ay qaybteeda bixiso. Ma aha gabdhaha marka lacag bixinta la gaaro intay gacmaha laabtaan wiilka fiiriya, ee ka suga in uu had iyo jeer isagu kharashka bixiyo, sidii nin lacagtu beer uga baxdo ama maxkamadi ku xukuntay!

Maana waxay jeceshahay haddii wiilku hal mar kharashka bixiyo marka xiga in ay iyadu bixiso, haddaan tabartu u diidin, ama isagu ku gacan sayrin. Axmed gabadhiisa dabeecaddaas wuu ku bartay, waana og yahay in ay ka hesho. Hase yeeshee, wuxuu xog-ogaal u yahay in aysan beryahaan lacag qumman hayn. Isaguna wax ku filan ma hayo. Waa inuu qalqaalo galaa, inta goori goor tahay.

Tolow xaggee u qalqaalo tagaa? Haah! Aabbe. Aabbe! Markii xaalku xumaado wuxuu u irkadaa aabbihii, run iyo been wuxuu u sheegaba. Talo kale ma jirto. Waa in uu duqii raadiyaa. Saacadduu eegay. Fiican. Waa siddeeddii subaxnimo. Waa waqtiga u wanaagsan ee uu xafiiska soo fariisto. Mashruucii uu Agaasimaha Guud ka ahaana ma foga. Waa degmada Shibis dhankeeda galbeed. Waa toddoba daqiiqo camal oo lug ah.

Go’aan buu ku gaaray, kuna dhaqaaqay. Intuu Waddada Jamhuuriyadda gooyey, ee farmashiyaha Jubba ka soo horjeeda geeskiisa la laabtay, buu Waddada Jubbada Sare woqooyi u raacay. Baar Fool-Baxsi markuu hormaraayey, ayuu u hinqaday in uu Kooka-Koola ka cabbo. Haddana ma geline markuu garab dhaafay buu waddada cusub ee Bakool bari ula weecday. Makhaayadda yar ee sambuusleyda ah iyo tubakaayada ku dheggan buu sii ag-maray. Wuxuu ka siqsiqay cuntada duqsiga iyo dabaysha u dayacan, dadkuna cunayaan.

Isagoo tii la yaabban buu waddada dhankeeda kale jalleecay. Illeyn makhaayaddu waxayba ahayd i qarso. Wuxuu arkay haweeney guntiino duug ah iyo garbasaar jeexjeexan qabta, oo waddada lugta lagu maro dhulka fadhida, dad wax walbaale ahi hareeraheeda is-dhaafayaan. Cunug yar baa dhabta u saaran. Laba ka roonroon oo qaawanina, labada dhinac bay uga kala tiirsan yihiin. Horteeda waxaa dhulka taal dambiil ay ku jiraan sambuus iyo bur-saliid. Cunugga yar ee dhabta u saaran, oohin buu la qaylinayaa. Laakiinse hooyadi uma kansho hayso in ay aamusiso. Waxay ku mashquulsan tahay shaqadii ay qadadiisa ka soo saari lahayd. Shaqadu waa shaqadee? Waxay min hal xabbo oo bur-saliid ah ka iibinaysaa laba ruux oo dul taagan. Labada mid waa nin reer miyi ah, da’diisu meel dhexaad tahay, oo intuu go’ weyn guntaday, labadiisii dacal ee faraqyada lahaa, labada garab ka kala ritey, go’u asalkiisii hore wuxuu ahaa bafto; haddase midabkiisii caddaanka ahaa waa doorsoomay. Cagaha wuxuu ku sitaa dacas goome baabuur ah. Ul dheerna intuu dhulka ku mutay ayuu afkeedii kore salka ku cuskaday. Waxay u tahay kursigii uu ku quraacanayey!

Qofka labaad ee bur-saliidka iibsanayaa waa wiil yar oo caga cad, dharna daba-gaab jeexjeexan ka qaba. Gacanta uu burka ku cunaayo ma ahee tan kale wuxuu ku laalaadinayaa quluxa yar ee caseeyayaashu burushyada iyo ranjiga ku urursadaan. Ninka iyo wiilku waxay isaga eg yihiin macaluusha jirkooda ka muuqata, ee la moodo in ay dad abaari goysay ka soo hareen, wasakhda korkooda saaran ee la moodo in ayan sidii hooyadood u dhashay biyo taabsiin iyo diifta dhafoorkooda ka muuqata ee la moodo in ay sanooyin soomanaayeen.

Axmed Jaamac intuu dadkaas kadeedan is-dul taagay, ayuu u fiirsaday xiisaha la yaabka leh ee ay bur- saliidka qallalan ku jajabsanayaan, sidii iyagoo ka boobaya diqsiga ku soo qamaamaya ee ay iska yuraynayaan. Wuxuu soo xasuustay quraacdii udgoonayd ee saaka gurigooda beylahda ku ahayd iyo carruurtoodii wiilkaan la faca ahayd ee quraacdaas macaane caynba, caynka ah baryada iyo khasabka afka loogu gurayey, iyaguna ka biya diidsanaa. Wuxuu niyadda ka jecleystay in uu hore u soo qaado, ee dadkaan u keeno, quraacdii haraaga ahayd ee saaka adeegayaashoodu daadiyeen. Wuxuu is-yiri, labadaan iyo laba kaleba quraac iyo qado way ugu fillaan lahayd!

Intuu dhaqaaqay buu agagaarkiisa sii fiirfiiriyey. Bal isu eega meeshaan iyo meeshii aan daqiiqado ka hor kafeega ka cabaayey! Baarkii Jubba iyo xaafaddii saraha dhaadheerayd ee cagaarka badnayd ee uu ku dhex yiil. Xaafaddaas iyo tani maxay iska og yihiin? Waa laba adduun oo la leeyahay waa hal magaalo. Maxay iska og yihiin carshaantan daydkii ka jajabay, ee digada lo’du hor daadsan tahay iyo dhismihii muraayadaha badnaa, dhererkiisu daruuraha isku shareeray, jardiinada jannada ahi ku meersanayd, baabuurta casriga ahi hor safnayd, waddada hillaacaysaa isku hor jiidday? Maxay iska og yihiin dadkii haybadda iyo dhaldhalaalka ka muuqdaa iyaga naf ahaantooda cajabinayey, ee baarkaas hoostiisa, halkii aan kafeega ka cabbaayey kuraasta dabacsan ku dangiigay, sharaabka qabow ku fiiqsanayey iyo kuwaan hilfaha leh ee jidka ciriiriga ahe, habaaska badan dhexdiisa, burka qallalan duqsiga ka boobayay, si ay nafta ugu ceshadaan?

Intuu madaxa gilgilay buu waddadii tabaaleysnayd hore u sii qaaday. Muuqaallo kale oo aan farax gelin buu sii dhaafay. Meel uu maalin hore arkay buu soo gaaray. Garaashka gaboobay ee ganjeellihii iyo gidaarkii hayeyba gaarigu jebiyey markuu midigta ka qabtay, ayuu gartay in uu u dhaw yahay Mashruucii uu u socday. Hadduu indhaha hore u taagayba waxaa u muuqday geeskii soke ee dhismihii dheeraa ee Mashruuca Sahminta Hawada. Laba daqiiqo ka dibna jaranjartii dheerayd buu cagta saaray, isagoo u sii socda Xafiiskii aabbihi oo ku yaal dabaqa afraad. Markuu dabaqa labaad la sinnaa baa waxaa ka hor yimid Ciise-Dheere oo degdegsan, faylna gacanta ku sita.

“Weey Axmed! iska warran Injineere, maanta soo dheeraatayaa!” Ciise-Dheeraa si farxad leh ugu salaamay.

“Nabad Ciise, see la ahaa?”

“Waa la wanaagsan yahay. Sow la iskama ladna beryahaan la isma arkine?”

“Ciddii ka warran Ciise?”

“Mahadsanid. Buuftaa la hayaa, aad iyo aad. Leylana waa ku soo salaamaysay, mar kasta waxay tiraahdaa Axmed haddaad aragtid igu salaan.”

“Salaamullah. Leyla waa ladan tahay sow ma aha iyo ninkii Burhaan ahaaba?”

“Nabaddooda, yarkaa mar naga hargabsaday, haddase waa iska ladan yahay. Haddee aabbana waa joogaa, malaha asagaad soo gaartaye.”

“Haah, kor buu jiraa sow ma aha?”

“Maya. Hanuunintii baa weli lagu jiraa. Maanta isagaaba khudbadda lahaa.”

“Haah. Illeyn haddaan shaqaalihii arki waayey, saaka waxay ahayd subaxdii hanuuninta!”

“Aahey. Aniga qudhaydu meeshaan jiraye, faylkan oo arrin looga baahday baa la ii soo diray. Waataan ku jiray guddiga shaqaalaha. Ina keen iska dhagayso inta laga soo baxayo, kollay dhawaan waa la soo baxayaaye.”

“Maad iga dhaaftid aan bannaankayga ku sugee, sow arrimo Hay’addiinna u gaar ah ma aha?”

“Ina keen wax qarsoodi ah ma ahee, waa iska hanuunis guude!”

Hoolkii weynaa ee shirarka irridkiisii markay soo gaareen, ayuu Axmed isku yaxyaxay, kuna sigtay inuu dib u laabto. Hase yeeshee, meel uu ka noqon karo ma joogin. Dhawrkii boqol oo shaqaalaha ahaa, ee dhagaysanayey kudbadda Agaasimaha Guud, ayaa hal mar soo wada eegay. Aabbihi qudhiisu intuu jalleecay, buu hadalkiisii hore ka watay, sidii isagoon arag. Wuxuu dhexda ka fadhiyey, xusulladana ku cuskanayey miis dheer oo shaqaalaha ka soo horjeeda. Hareerahana waxaa ka fadhiyey Guddiga Shaqaalaha iyo Agaasimayaasha Waaxyaha wixii ka joogay.

Ciise-Dheere iyo madaxdii xagga hore ka soo jeedday badankooduba, waxay damceen in ay Axmed ku soo dhaweeyaan miiskaas shaqaalaha hortiisa ka soo jeeda, ee madaxdu safan tahay. Hase yeeshee, Axmed waa diiday, wuxuuna ka door biday in uu shaqaale-weynaha dhex fariisto. Wuxuu u gudbay geeska u dambeeya oo kuraas badani ka bannaanayd. Intii uu sii gudbaayey shaqaaluhu ishay la sii raacayeen. Badankoodu way garanayeen in uu yahay wiilkii Agaasimahooda ee Injineerka ahaa. Qaarkood madaxay u lulayeen, qaarna dhoolla-caddayn bay ku salaamayeen. Qaar kalena salaan daaye ishay ku gubayeen, waxay jeclaayeen inay ka dhex dusiyaan. Wuxuu ugu muuqanayey in uu yahay hooskii aabbihii. Qof waliba dareenka uu aabbihi u qabo ayuu ku qaabbilayey.

Kuwa dhoolla-caddaynta iyo madax-lulka ku soo dhaweynaya, qaarkood aabbihii waxay ula hayaan si dhab ah. Meel kastana way ku ammaanaan, si aan looga beddelin. Qaarna marka ay isaga arkaan uun bay daba yaacaan. Waxay isaga dhigaan dad jecel oo daacadnimo kula shaqaynaya. Markuu ka maqan yahayna xan iyo shirqool bay la daba galaan. Kuwa wiilka indhaha ku gubayaana waa kuwo odayga nebceystay, kuna ducaysta in mar uun laga beddelo. Kuwaas qaarkood uurka uun bay uga bukaan, isagoon ogeyn, shaqadoodana ku sii jeedaan. Qaarse colaaddooda kalama gabbadaane wajigay ka saaraan, dagaal cadna kala soo hor jeestaan, qoraal iyo afba.

Colaaddaas sababaha keenay way kala duwan yihiin. Qaar waxay ugu ciil qabaan arrimo ay shakhsi ahaan u tabanayaan: gunno, fasax, dallacaad, daryeel iyo wixi la mid ah. Qaarna waxay ku eedaynayaan in uu Mashruuca curyaaminayo, caddaalad xumana ku maamulo. Waxay ku doodaan inuu dano isaga u gaar ah uga faa’iideysto Mashruuca, kuna xiran yahay ganacsato waaweyn iyo dallaaliin la yaqaan. Waxyaalo badan oo arrinkaas caddaynayana fartay ku fiiqaan.

Ciise-Dheere intuu faylkii Agaasimaha Guud hor dhigay, ayuu soo aaday xaggii dambe ee uu fariistay ninkii martida u ahaa. Markii uu la sii fariisanayey, waxaa il nac leh dib ugu soo eegay shaqaalihii qaar ka mid ah, waa kuwii markii horena Axmed Jaamac eegmada ku kululaynayey. Indhahooda fiiqfiiqani waxay lahaayeen, Bal eega munaafaqaas! Wuxuu wiilkaas ugu afmiinshaaraynayaa in uu aabbihii ugu dhawaado. Way ku gafsanaayeen xukunkaas qallafsan ee ay ku rideen wadaygood Ciise-Dheere. Dhab ahaan Ciise Agaasimaha dhawaansho kama rabin. Soo dhaweynta Axmedna munaafaqnimo laba wajiilenimo kama ahayn. Ku soo dhaweyn mayn, siday u qaateen, aabbihii daraaddii. Wuxuu ku soo dhaweynayey xushmayn ka dhab ah oo uu isaga u hayey. Xushmayntaas waxaa u sabab ah laba arrimood oo qolyahaas shaqaalaha ahi u war la’ yihiin. Tan hore waa dhaqankiisa qofnimo iyo fikradaha uu qabo oo cajabiyey Ciisoo dhawaan bartay, dareemayna in ay arrimo badan isku aragti ka yihiin; tan labaadna waa xiriir xaasnimo oo meesha soo galay, kaddib markii Ciise ogaaday in ay is-jecel yihiin isaga iyo dumaashidi Maana-Faay.

Ciise, wuxuu ka mid yahay shaqaalaha odayga uurka uga buka, kuna eedeeya in uu Mashruuca ku danaysto; hase yeeshee, ka-hor-imaad bareer ah uma muujiyo, mana jecla in wiilkiisu arrintaas ka garto. Qaar seef-la-bood ah oo shaqaalaha ka mid ah ayaa waxay kula murmaan “Jaamac-Dhegey baad dabadhilif u tahay!” Eedeyntaas oo ay sida badan u soo jeediyaan farsamayaqaannada ay isku xirfadda yihiin, waxay ku bilaabeen muddadii uu ku biiray Guddiga Shaqaalaha. Dhaliishoodaas waxay u cuskadaan berigii Ciise-Dheere dhibaatada weyni kala soo gudboonaatay sidii uu u aroosi lahaa Leyla Xaaji Muumin, oo ay is-jeclaadeen, ciddooduna u diiddanayd. “Berigaasaa Jaamac gacan qabtay,” bay yiraahdaan. Wuxuu siiyey lacag deyn ah iyo fasax dheer.

— 4 —

Jaamac-dhegey weli khudbaddiisii dheereyd buu wadaa. Hadduuba codkii kor u sii dallacay, oo kulayl iyo xammaasad hor leh geliyey, “Maya jaallayaal! Ma oggolaanayno waxyaalaha caynkaas ah. Shaqa-curyaamiska iyo iska daba wareegga iyo afmiinshaarnimada dadka qaarkii la dhuxdhux leeyihiin, u dulqaadan maynno. Waxaan arkaa dad weli u hanqal taagaya beentii, musuqmaasuqii, qaraaba-kiilkii, xatooyadii xoolaha dadweynaha, laba wajiilannimadii iyo waxyaalihii kaloo qurunka ahaa ee Kacaanka ka hor jiri jiray; waxaan u jeedaa dad raba in ay soo celiyaan. Dad dantooda ka hormarinaya danta ummadda. Dadkaas tallaabo cad baan ka qaadaynaa! Sharcigaan la tiigsanaynaa. Kacaanku ma oggola waxaas!”

Sacab xammaasad leh baa hadalkii ka kala gooyey. Axmed waxba kama sabcine yaab iyo feker buu hoos la eegay. Cajaa’ib! Maansha la yiri ‘Afow yeelkaa, uurow Allaa ku og!’ Ma aabbahay baa ninka sidaan u hadlayaa?

Waa kuma ninkaan dhaleecaynaya danaysiga, musuqmaasuqa iyo wixi la mid ah. Waa yaabe aabbahay ma xalay intii la hurday buu is-beddelay, oo Kacaan-yahan noqday? Mise weligii sidaanay isaga soo hor jeedi jireen khudbooyinka uu halkaan ka jeediyo iyo kuwa uu guriga noogu akhriyo? Laba wajiilennimada uu sheegayaa sow taas ma aha? Sow foolxumo ma aha haddii shaqaaluhu ku gartaan? Allow ceebteenna astur!

“Ninkii shaqada sagsaaga,” Jaamac baa weli wacdaro ridaya, “Tallaabaan ka qaadaynaa. Waa in la ilaaliyaa dishibiliinka iyo waqtiga shaqada!”

Taas dambe waa ka dhab. Ma jecla in shaqada la sagsaago. In dishibiliinka la jebiyana wuu ka dhintaa. Waa nin karti badan oo shaqo jecel, caajiska iyo ceebtana neceb. Inkastoo danihiisa gaarka ahi kala weyn yihiin danta guud, haddana aad buu uga taxaddaraa in ay dayacanto meeshii loo xil saaray; kaddibna uu ku ceeboobo, madaxnimadana laga qaado, ama sharciguba qabto.

Sidaa awgeed, wuu iska ilaaliyaa in uu si toos ah ugu tagri falo hantida Mashruuca. Siyaalo badan buu u fushadaa ujeeddadiisa weyn ee ah in uu wax tabcado, ee hantidiisa gaar ahaaneed ballaariyo. Shaqadiisa iyo bulshoweynta dhexdeedaba, haybad buu ku leeyahay.

— 5 —

Markii shirkii laga dareeray, Jaamac-Dhegey xafiiskiisii buu toos u aaday. Axmed shaqaalihii ay is-yiqiinneen baa salaan ku hakiyey; kadibna aabbihiis ayuu xafiiskiisii weynaa ee quruxda badnaa uga daba tagay. “Haye Axmed!” buu ku salaamay, intuu xaashiyihii hor yiil madaxa kor uga qaaday, markuu shanqartiisa maqlay.

“Nabad aabbe,” buu ugu jawaabay, isagoo taagan.

Carruurtiisa aad buu u jecel yahay, siiba Axmed wuu ku dhaartaa; aayihiisana aad uga fekeraa, wixii uu weydiistana uma diido, si uusan u calool xumaan. Sidaasuu isagoon raalli ka ahayn uga yeelay in uu guri gaar ah dego, markuu yiri, “Carruurta buuqeeda kuma dhex jiri karo.” Wuxuuse la yaabay booqashadiisa kadiska ah. Ugama baran in uu micne darro xafiiska ugu yimaado. Wuu ka yare naxay. Wuxuu is yiri: ma dhiillo soo korortay buu kaaga war keenay!

“Waa sidee, ma wax cusub baa jira?”

“Maya aabbe, waxba ma jiraane, anigaa muraad yar kaa soo yeeshay.”

“Haah. Soo fariiso! Armaad nin iska dhigtay, oo muraadkaagu ku saabsan yahay arrintii aan weligay kugu guubaabin jiray?”

“Tii guurka miyaa?”

“Haah, mise weli ‘sahan’ baad ku jirtaa, sidaad oran jirtay?”

“Wallaahi aabbe sahankii waan isaga jiraa, laakiinse hadda ma fara marni.”

“Haddaba, waan kuu sheegay, bishaan gudaheeda haddii aad wax keeni weydo, anigaa xilkii kaala wareegaya, ee gabar wanaagsan ciddooda kuu weydiinaya.”

“Maya aabbe, waad mahadsan tahay, laakiinse xilkaas adiga kugu dhibi maayo.”

“Xaggee baan uga fursanayaa haddaad adigu ka soo bixi weyday; anna aan rabo in aan dhashaada arko intaan gabow iyo geeriyi naga daba imaan? Hadda maxaad isku haysaa, waataad lahayd ma fara marniye?”

“Gabar baan is-barannay.”

“Kow!”

“Hadda intii muddo ah waan wada soconney, wayna ila wanaagsan tahay.”

“Oo maxay tahay?”

Axmed wuu gartay. “Maxay tahayda” aabbihii inay su’aalo badan huwan tahay, wuxuuse ugu soo gaabiyey, “Waa ardayad dugsiga sare dhigata.”

“Dadkooda ma taqaan?” Su’aashaas dadban buu ku celiyey, isagoo qudhiisu ka cabsi qabay, in wiilkiisu dhibsado, hadduu toos u weydiiyo su’aasha uu doonayo.

Axmed oo ay u caddayd jawaabta aabbihii ka doonayo, hase yeeshee, weli ka meermeerayaa yiri, “Maya aabbe, ciddooda weli isma aannaan baran.”

“Ma gabar aadan weli dadkooda aqoon baad rabtaa inaad guursatid?” Jaamac baa cod intii hore ka kulul, ee canaani ka dhadhamayso ku weydiiyey.

“Maya aabbe, wax go’aan ah weli kama gaarin. Go’aanka guurku adiga uun buu kugu xiran yahay. Cid kale go’aan ma ka gaari karto. Xitaa iyada weli guur lama soo hadal qaadin.”

“Oo haddaadan guurba la soo hadal qaadin maxaad isu sheegi jirteen? Maxaadse ka og tahay in ay ku oggoshahay iyo in kale, ma quud aan jirin qoryo u guraa?”

“Waxaan ogahay in ay i jeceshahay. Waxna iga diidi mayso haddaan iraahdo aan is-guursanno.”

Intuu isu qoslay buu cod kajan huwan ku yiri, “Inay i jeceshahay, in ay i jeceshahay. Bal ninkaas weyni, wuxuu ku hadlaayo! Waxaagoo dhammi waa dhalanteedkaas. Markaasaad leedahay xil baan qaadi karayaa; anigaa qof la imaanaya! Naag aadan dadkeeda aqoon, oo waxay tahay ogeyn, Soomaali Maxamed nin ay caawa Alla ka tahay sheegi karin, oo aan wax heshiis ahi idin dhex marin, baad hadda is-leedahay qof baad haysataa. Waxaasi ma wax lala shir yimaadaa?”

Axmed in yar buu feker la aamusay. Haahaw hana imtixaanin. Canaantaas oo dhan waxay iigu dhacaysaa maad dadkeeda iyo qoladeeda soo ogaatid! Bal maxaa faduushaas i geliyey? Ma iyadaan guursanayaa, mise dadkeeda! Si fiican baan u bartay, si fiican bay ii baratay. Waan ka helay, way iga heshay. Waan jecelahay, wey i jeceshahay. Intaas oo dhan haddaan ogahay maxaa ii dhiman? Bal waa kane yaa aabbahay noo kala tarjumaana, ee intaas keliya ka dhaadhiciya? Anigu in aan ka dhaadhiciyo warkeeda daaye xitaa uma sheegi karo. Intaas hortiisa kama oran karo! Intuu madaxa kor u qaaday buu yiri, isagoo gidaarka fiirinaya, laakiin aan waxba arkayn, “Aabbe horta arrintaan ma ahayn tii aan maanta kuugu imid. Arrintaan mar dhan baan rabay in aan kuula imaado, markaan dhankayga ka soo diyaargaroobo. Haddana maadaama sheekadu nala gashay uun baan rabay in aan ku sii ogeysiiyo in qoftaasi jirto qof aan ku kalsoonahay haddaysan ahaynna kuuma sheegeen. Adiga naftaada, waa qof aan hubo in aad ila jeclaysan doontid markaad aragtid, xagga quruxda iyo xagga qiimaheeda kaleba.”

Intuu yare aamusay, buu si deggan u weydiiyey, sidii nin soo dabcay, “Aabbaheed iyo hooyadeed ma joogaan?”

“Haah, way joogaan.”

“Aabbaheed muxuu ka shaqeeyaa?”

“Waa beec-mushtar aan weyneyn.”

“Magaci?”

“Xaaji Muumin baa la yiraahdaa.”

“Xaafaddee deggan yihiin?”

“Xamar Weyne.”

“Gurigooda ma tagtid miyaa?”

“Waan tegi lahaa, waalidkana mar horaan is-baran lahayne, waa dadka dhaqankoodu xirxiran yahay, oo fadeexadda u yaqaan haddii gabadhu nin aan lagu darin barato.”

“Waa runtoode waa edeb darro,” Jaamac baa yiri.

Axmedna wuxuu jeclaystay in uu ra’yigaas gaashaanka ku dhufto, kumase dhiirrane, hadalkiisii horuu iska watay, sidii isagoon oraahdaan dambe maqlin, ama wax ka qabin. Wuxuu yiri, “Marka loo tagayaa waxay noqon kartaa oo keliya mar loogu socdo weydiinta gabadha guurkeeda. Dadka u tagayaana waa in ay noqdaan ikhyaar waaweyn.”

“Waxaad yeelaysaa,” Jaamac baa soo gabagabeeyey, “Bal gabadha nasoo tus, oo guriga keen. Markaas kaddib arrimahooda kale anaa ka sal gaari doonee. Hadday qof wanaagsan noqotana aabbaheed dan baan u heli doonaaye.” Intuu yare aamusay, sidii isagoo weli hadalka dhammaystirkiisii raadinaya, ayuu intuu si kedis ah u soo eegay ku yiri, “Kow, maxay ahayd arrinta kaloo aad iigu timid?”

“Maya aabbe, wax saas u sii weynna ma ahee, arrin yar oo lacag la’aan igu heshay baa meel iiga xayirantay.”

“Goor aad lacag la’aan ka bixi doontid ma garanaayo,” ayuu hoos u yiri, isagoo boorsadiisii lacagta soo bixinaaya.

Axmed markuu isagoo faraxsan jaranjarta ka degay, baa ugu horreysay dareen uu dareemo dhididka korkiisa qooyey. Inkastoo uu weli madaxa culays ka dareemayey, haddana wuxuu ku faraxsanaa imtixaankii kululaa ee uu ka soo samata baxay iyo muraadkii uu meesha u yimid oo uu ku soo guuleystay.

Xubinta 7aad

— 1 —

Maana-Faay weli sariirteedii bay dul xooran tahay. Dharkii dugsiga weli iskama beddelin. Sidii buu surweelkii kaakiga ahaa bowdyaha uga ceejinayaa. Shaatigii caddaa ee gacmo-gaabka ahaana xabadka uga cadaadinayaa. Sidii bay weli labadeedii lugood, mid kabteedii wadataa sariirta u dul xooran tahay. Tii kale oo kabtii iskeed uga dhacdayna uga lulataa. Hooyadeed Aay-Caddeey, markay qadadii ku diidday, si qallafsanna ugu jawaabtay, waataas ka quusatay ee carruurteedii kale qadadii u qaybinaysa. Beryihii hore sahalkaas ugama quusan jirin, sidaas ugama tegi jirin. Kulayl iyo qabow bay midba mar ku dayi jirtay. Hadda way ku daashay. Way ku seexatay, kuna soo toostay inaan Maana Maanadeedii ahayn. Way ogaatay in aan arrintu fududeyn. Mase ogaan meesha amarku ka socdo. Waxay ku ahayd hal-xiraale qallafsan oo aan la furi karin.

Shan bilood ayaa ka soo wareegtay, habeenkii u horreysay ee ay Maana-Faay iyo Axmed Jaamac ku kulmeen guriga Sahra Yuusuf. Shantaas bilood Maana-Faay waxaa ku dhacay isbeddel halis ah oo gilgilay tiirarkii nolosheeda. Dadkii aqoon jiray way amankaagsan yihiin. Iyada qudheedu way iska yaabban tahay. Meel laga soo galay iyo meel loo wato midna kama jawaabi karto. Jacayl xoog badan baa iyadoon iska jirin, qalbigeeda daaqad furan ka soo galay. Ka dibna tartiib tartiib ugu maja fidsaday.

Meel kasta iyo mar kasta muuqaalkii Axmed baa hor taagan. Eegmadiisii bay xasuusanaysaa. Erayadiisii bay gocanaysaa. Codkiisii bay maqlaysaa. Markaasay hiyi kacaysaa, ee wax kaleba hilmaamaysaa. Iyadoo ay dad kale sheeko u hayaan buu ku soo dhacayaa, markaasay baxaysaa, sheekadii loo hayey ka goosanaysaa, maqane-jooga noqonaysaa, dadkuna la yaabayaan. Iyadoo cunto u fadhiduu hor imaanayaa, markaasay cuntada ka kacaysaa, iyadoon is ogeyn. Dareenkii gaajadu waa ka dhumay. Cuntadii way nacday. Baahida waxay dareentaa oo keliya marka ay isaga la joogto. Hurdadii way ku yaraatay. Markay sariirta kortaba sawirkiisaa hor imaanaya, ama arrimihii ka dhexeeyey baa maskaxdeeda mashquulinaya. Saacadaha habeenku markay hore u bataan bay laamandooddaa. Markaa qudheeda kama nasatee riyay ku aragtaa.

Sida badan waa riyo argagixiso leh oo hurdada ka toosisa, ka dibna ku laaban kari weydo: iyadoo dugsi ka timid oo aragtay meel shil baabuur ka dhacay oo lagu xoonsan yahay. Markay ku soo oroddana dad barooranaya oo madaxa gacmaha ku hayaa ka hor yimaadaan.

“Alla waa Injineer Axmed Jaamac!”

“Maxaa daaray?”

“Baabuuraa dardaray, waa dhintay miskiinka!”

“Aaa!” iyadoo leh bay sariirta ka soo booddaa sidii bahal qaniinay. Markaasay intay dadkii la hurday ku kacaan ka cawdi billaystaan, iyadana qaboojiyaan.

Masaakiin Maana! Meel cidla ah baa looga kala tegay. Meeshu miyi iyo magaalo midna ma aha. Waa mugdi cabsi badan. Waa qarar qodxa ah iyo boholo isku qoofalan oo bad qarkeed ku yaal.

Qar dheer fiiqiis bay keligeed ka taagan tahay. Way caga caddahay. Afarta jaho shanqar argagixiso leh baa ka soo yeeraysa. Qarka hoostiisa masas baa is-daba maraya. Waxay rabtaa in ay cararto. Saantay qaaddo, ama dhagax baa goyn ama haadaan bay ka dhici. Masaskii baa qarkii u soo tafay. Intay argagaxday bay carar maagtay. Haadaan bay ka duushay, “Aaa!” iyadoo leh bay sariirta ka soo boodday, dadkiina ku soo kacay. Hal saac kaddib bay mar kale gama’day.

Maana iyo Axmed Jaamac waxay ku wada fadhiyaan sariirta Axmed. Haracii jacaylka ee hakirmay ubaxna hagoogtay baa la harsanayaa. Hawlihii kalgacalkaa la qaybsanayaa. Erayo qalbiga dhalaalinayaa la isu dhiidhiibayaa. Dhunkasho jacayl ka tifqayaa la is-dhaafsanayaa. Farxad soo degtay baa loo dabbaaldegayaa. Shanqar baa soo yeertay. Oow! Nin kacsan baa dalaq soo yiri. Ob! Waa Iikar Aw-Mukhtaar! Ashidanti! Waa maxay inkaartani? Siduu u soo socday buu intuu Maana-Faay gacanta ku soo dhegay dhulka ku soo tuuray, ul uusan markii hore sidan, intuu hawada ka haabtay ku jajabiyey.

“Heykalley waaxid! Yaa ku dhahay minanka dadow imaaw? Soco hadda inta ka bax!”

“I dhaaf! I dhaaf! Ma ku rabi. Ma ku rabi!”

Axmed baa xanaaq la soo booday. Feer baa la isu dhiidhiibay. Axmed qalin jeebka ugu jiray buu la soo baxay. Qalinkii bastoolad buu noqday, Iikar shan xabbadood baa lagu tiriyey.

“Alla meydka! Alla meydka!”

Dad aan meel ay ka soo baxeen la aqoon baa soo buuqay. Laba askari oo waaweyn oo qandiyo mad-madow oo bir ah gashan, ayaa intay cirka ka soo dhaceen, Axmed intuu midba gacan ku dhegay la cararay.

“Haddii xiraysiin anigana ila xira. Ila xira. Ila xira!” iyadoo leh oo ka daba cararaysa, dadkiina ka daba leeyihiin, “Soo joog fidmooleeyahay, edeblaayda eh, adlee nimanka isku dishaye!” ayey sariirtii ka soo boodday, hurda dambana uma noqon.

Riyadaasi waxay la noqotay wax run ah oo dhici doona. Beryahaas walwalkeedii wuu laba jibbaarmay, cuntana way ka go’day. Iikar iyo arooskiisii oo soo dhawaaday ayaa ku noqday boog danqasho-u-joog ah. Eray af laga yiraahdo ‘aroos’ bay u necbeyd, magac dhegteeda ku soo duulana ‘Iikar.’ Markii u horreysay ee ay maqashay ”Iikar baa lagugu darayaa,” waxaa ka baaba’ay kalgacaltooyadii walaalnimo ee ay u haysay. Gidaar weyn baa ka dhex istaagay. Isaga iyo guurkuba waxay la ahaayeen culays ay ku khasban tahay, colaadse uma hayn. Laakiin, markii ay Axmed Jaamac is-barteen, jacaylka runta ahina nolosheeda soo dhex galay, Iikar wuxuu ugu muuqday Malakul-mowdkii nolosha adduunka ka af qaban lahaa. Waxay ka joogtay “Ilaahayow maxaa na wada uumay?”

Iikar isaga dhibkaasi ma hayo. Arrintuna miisaankaasba lama leh. Waa inan yar oo wax walba u arka si sahlan oo iska caadi ah. Wuxuu isku dhibaa ma jiraan. Keliya wuxuu jecel yahay inuu la socdo moodada u dambeysa, ee uu ka arko dhallinyarada da’diisa ah. Ha noqoto dhar xirashada, socodka, qaabka hadalka, waxyaalaha la isku maaweeliyo, sida muusikada, iyo dhaqanka guudba. Maalintii harqaan buu dukaanka aabbihi ku tolaa. Inkastoo uu laba sano ka hor dugsiga sare ka baxay, haddana waxaa aabbihi kula taliyey isaga qudhiisana la habboonaatay in uu sidaas ku shaqaysto. Habeenkiina wuxuu ku soo jeedaa caweysyada muusikada laga tumo. Habeen habeenna wuxuu iska galaa filim Hindi ah, siiba habeenkii uu ballan la leeyahay gabar caweyska ka xishoota, ama soo daahidda ka cabsata.

Balwaddiisa ugu weyn waa kala shaandhaynta gabdhaha iyo wad-wadiddooda. Harqaanka uu tolo iyo caweyska uu tagaaba waxay u fududeeyaan barashada gabdho fara badan. Waana sababta keentay in uu labadaba xiisa joogto ah u hayo. Aabbihii Aw-Mukhtaar in badan buu isku dayey in uu iska hortaago habla-wadidda badan iyo caweyska uu habeenkii ku soo daahayo. Arrintaasi welwel weyn bay ku haysay. Wuxuu u arkaayey balwado khatar ku ah lacagtiisa iyo wiilkiisaba. Hase yeeshee, wax kastoo uu isku dayey wuu ku guuleysan waayey in uu ka reebo. Waa markaas marka uu ku fekeray in uu degdeg ugu guuriyo.

Iikar markii odaygu u sheegay in Maana-Faay loo guurinayo, kuma farxin, kamana nixin. Wax dhadhan ah, kharaar iyo macaan midna lama lahayn. Waxay ula muuqatay arrin ka mid ah awaamirtii waalidku siin jiray, isaguna waajib ahaanta u fulin jiray. Laakiin, sidii warkaas loogu sheegay wuxuu dareemay culays aan caadi ahayn. Xornimadiisii way soo xirxirantay. Gabdhihii uu siduu rabo beledka ula mari jiray, wuxuu ku khasbanaaday in uu suuqa madow u beddelo.

Maana-Faay, warkaan ka hor wuxuu ula dhaqmi jiray sida uu ula dhaqmo walaashiis Jiija. Kaftan, ciyaar, canaan, ka sheexid la’aan, iyo wixi la mid ah. Haddase xiriirkiisii wuu ka goostay. Markay iska hor yimaadaanna wuxuu u salaamaa sidii dad korka iska yaqaan, xishoodna ka dhexeeyo ee kala laab xiran.

— 2 —

Casarkii marka hurdada laga kaco iyo caweysinkii marka hurdada loo hogbado, hawluhuna dhammaadaan, waa labada waqti ee Xaaji Muumin iyo xaaskiisa, Ay-Caddeey, ka wada xaajoodaan arrimaha qoyska kuwa ugu culus. Xaajigu markuu Casarkii tukaday, ma kicine, intuu barkin u dhaweyd xusul ku mutay buu halkiisii wardi ka bilaabay. Wuxuu ku sugayaa Ay-Caddeey iyo qaxwihii casariyaha ee ay markaas oo kale u keeni jirtay. Wuxuu ku fadhiyaa salligii uu ku tukaday oo ay ka hoosayso darin duug ah ee la moodo in lagu jaan-gooyey rakada ay dul saaran tahay. Waa rako gaar ahaaneed oo nus mitir dhulka ka sarraysa, darbigana cirifka ku hayso. Waxaa loo dhisay in odaygu ku caweeyo, cid kalana ma isticmaali karto.

Meeshu waa barsaddii fadhiga ee u furnayd qolka jiifka. Waa qawlad ballaaran oo gidaarradeeda fac weyni ka muuqdo. Waxaa si aan habaysnayn u dhex taal alaab gabowday ee casrigeedii laga gudbay. Tobannaan sano lama beddelin. Geeska irridka xiga waxaa ka muuqda laba kursi oo fadhigoodu xargo yahay, barkimooyinkii loogu talo galayna ka qaawan. Midkood waxaa dul xooran shaar-carruureed iyo garbasaar duug ah. Kan kalena shukumaan yar baa madaxa u saaran. Dhanka bidixda waxaa ka muuqata armaajo gaaban oo guduudan. Muraayaddeeda waxaa ka dhex muuqda bakeeriyaal aan badnayn iyo suxuun yaryar. Intaas waxaa dheer miiskii hore cuntada loogu talo galay oo kuraastiisii moobilka ahayd ay uga hareen hal lug jaban iyo mid fayow.

Gidaarrada waxaa suran dhowr sawir oo midba meel ka muuqdo. Xaaji Muumin oo koofiyad Barawaani ah gashan. Isaga iyo Ay-Caddeey oo sida ay hadda yihiin aad uga dhallinyar. Maana-Faay oo la midabeeyey. Iyada oo Cumareey gacanta haysa. Qoyska oo aan qof ka maqnayn. Aweys oo muraayad weyn ku jira. Isaga oo yar oo kubbad cayaaraya. Leyla iyo Iisha oo is-dhinac taagan. Maana-Faay iyo gabar kale oo dhir cagaaran ku dhex jira. Iyo dhowr sawir oo ay ka muuqdaan dad aan qoyska ahayn. Malaha waa asxaab iyo ehelo kale. Barsaddu waa saldhigga nolosha qoys ahaaneed. Waa meesha keli ah ee kulmisa waalidka, carruurta, yaryar iyo waaweynba iyo sokeeyaha kale ee booqashada ugu yimaada. Barsadda iyo qolkeeda jiifka waalidka waxaa dibedda ka ah laba qol oo ilmaha waaweyn seexdaan. Jikadu waxay ku taal qol fidsan oo qudhiisa darmo iyo wambaro la dhigto.

— 3 —

Waxaa orod ku soo galay Cumareey oo bannaanka ka yimid, korkiisa habaas baa ka muuqda, dabagaabkii iyo funaanaddii uu qabayna way ka soo wasakhoobeen. Intuu rakadii odayga kalsooni ugu booday buu aabbihii hoosta ka galay. Xaajigu intuu wardigii hakiyey, ee wiiikiisii madaxa u salaaxay buu yiri, “Haye igaarkeey! Intee ka imaatay?”

“Abbaa, bannaankaa ka imaaday.”

“Haye, maxaa suubbiheysey?”

“Waa soo dheedheelaayey lee. Abbaa jallaataa habaa.”

“Iihi, habartaada ma joogtaa?”

“Waa joogtaa.”

“Bax hee ii soo wac.”

Cumareey markuu rakadii orod uga booday baa waxaa ka hor timid hooyadii Ay-Caddeey oo gacanta midig ku sidda koobkii casariyaha ee ay duqeeda ugu soo samaysay sida gaarka ah ee uu isagu jecel yahay, bidixdana waxay ku sidataa gambar ay ugu tala gashay in ay ku fariisato Xaajiga agtiisa. Waxay maskaxda ku haysatay dhawr arrimood oo ay galabtaas ku talo gashay, qaarkood in ay Xaajiga warbixin ahaan ula socodsiiso, qaarna ku guubaabiso inuu wax ka qabto. Hal arrin baase ugu sii darrayd oo tallaabo degdeg ah u baahnayd.

Isaga qudhiisa waxaa jirtay arrin beryahaanba walwal iyo walaac weyn ku haysay, uuna ku tashanaa inay galabtaas isaga iyo afadiisu isla meel dhigaan, tallaabo iyadoon ogeyn uu qaadayna la socodsiiyo.

Markuu arkay in ay gambarkeedii soo sidato, ayuu intuu Cumareey oo ku soo laabtay sacabka garabka ka saaray barkinta hoosteedana nus shilin ka soo bixiyey ku yiri, “Haye abbaa, Cumareey, jallaataan rabaa ma i dheheeno? Bax nuskaan shilin khaadee, jallaato ku soo gado. Koodka jallaata ka soo gado, yaa igaarkeey? Bax hee. Iska jir yaah! Soco hee!”

Markuu rakadii aabbihii ka booday ayay hooyadiisna u raacisay, “Nabarkii soo nakhatid walaashaada ii khubeey dheh yaah?”

Markii Cumareey jallaatadiisii ku orday, Ay-Caddeyna intay qaxwihii u dhigtay, albaabkii riixday, si aan hadalkooda carruurtu u maqlin, fadhi u kaankaansanayso, ayuu Xaaji Muumin yiri, “Caddeey haye, ii warran hee! Maxaa waaye waaba soo daahdaye, intee ku makhnayd?”

“Ee suukhdaan ku maqnaay. Lo’ooshinka aan coos u soo iibihaayey. Waaba ku soo noogay. Lugaha dhanaaba i xanuunowhaaya. Aaa!”

“Iihi, ii waran hee, hadda see waaye xaalkaada?”

“Wallaahi hadda in oo kula hadlana waa rebey, adna waaba i weceesee, baraabar waayebee, waxaanba iska arkay, ad wax ma ogtid, waa imaaheesaa waa baxee lee, wax ma na warsaheesid, ma kastay?”

“Laakiin waxaan u jeedaa, lamadaani beri lamadaani beri ma ahee waliba ka sii badan, gebertaayna Maana-Faay, aad iyo aad aniga xaalkeeda murugaas i geliyey. Minanka waa ka soo daaheesaa. Iihi. Cawadii ma kuu hurdeeso, hungurigii ma kuu cuneeso. Iihi, gabartii waa kuu murugeysan tahay lee. Wax ma kuu sheegaheeso. Haddii warsado, maxaa ku daaray dhoho, warkeyga waaba dhibaa. Dhirifaa ka soo haray. Wax kasta waa ka dhirfeey.”

“Iihi, adina waa u jeeddaa gabartaan sidii nakhatay. Muggoo ani waa ku dhibtooday. Haddii macallin u qaba leeheed, haddii takhtar u gee leheed, haddii wax kale ku suubi leheed, adigay ku jirtaa.”

Xaajigu inkastoo uusan gabadha xaalkeeda ula socon sida hooyadeed ula socoto, habartuna ku dadaali jirtay in ay gabadheeda u ceeb qariso, haddana wuu la socday isbeddelka Maana-Faay ku dhacay, waayo, ma ahayn wax qarsoomi kara. Arrintaasina waxay ku haysay walwal xoog leh. Sidaas awgeed, wuxuu go’aan degdeg ah la soo gaaray walaalkii Aw-Mukhtaar. Waana sababta uu galabtaas Ay-Caddeey ugu yeeray.

Intuu qaxwihii kululaa qab siiyey, ayuu isagoo koobkii dhulka u sii wada wuxuu yiri, “Caddeey, runtaada waaye, gabartaan xaalkeeda ma fiicna, taladana annakay na jirtaa, annakaa waalidiintii eh. Ani naftirkeyga in hadal kuu sheego waa rebey. Maanta waxaa i soo khabsaday walaalkeyga Aw-Mukhtaar. Waxaas i dhahay ‘Eebbowgey i dhegeyso. Yarkii waa i dhibay, Abuukar. Cawadii siyeed saac, sagaal saac, markiin fejerka u baxo aas iga hor imaahaa. Wareeg lee. Sagaal saac cawo ninkii socday khatar ma ku sugnoo? Maana-Faay naftirkeeda waa weynaatay. Aweesna waa imaaday. Hadda waxaan rabaa in iskool-xirow waxba la sugin, dadkaan arooskoodii Jimcadaan laga dhigo, oona eh bil Mowliid 14.’ Waxaan dhahay marxabba. Barbaar waaye, anina habartaan u sii sheegaa, ee ogow. Maxaa jiraa Caddeey gabartaan waa weynaatay. In dhakhso loogu aroosiyo maahine si kale ma ku degeyso. Macallinna ma degeeso, takhtarna ma ku degeeso, wax kalena ma ku degeeso. Hadda xaalkaas aan soo dhammeesannay, baraabar ma ahoo Caddeey?”

Intay soo ruqaansatay, codkeedii miskiinka ahaana quwad dahsoonayd ku dallacday bay tiri, “Haah! Waaba soo dhammeesateenba miyaa? Ma soo dhammeesateenbo?”

“Mayee waa soo dhammeesannay. Maxaa jiraa adina waa kuu sheegoohaayaa,” ayuu si gabbasho ku jirto u yiri, isagoo u eg nin looga naxsaday ka hor-imaad kadis ah. Hadduu ku tala geli lahaa wuxuu sii diyaarsan lahaa erayo uu isku difaaco.

“Waxaa soo dhammeesan kartiin ma jirto,” Caddeey baa tiri, “Xaal dhammaadayna ma ii keeni kartiin. Wax ma ii sheegeesid, wax ma i warsaheesid. Wax lee soo dhammeesaheesaa miyaa?”

Isagoo weli is-qaboojinaya si ayan mashruuciisa carqaladi uga hor imaan, ayuu yiri, “Laakiin adi hadda maa kuu kow eh, Soonfurtii ani ma kuu sheeginoo in afarta carruur walaalaha eh la is-dhaafiyo oo la isu aroosiyo?”

“Markaas naftirkeeda wax adi iyooney walaalkaada soo dhammeesateen lee ii sheegtay mooshi maahine, ani taladay ma aheen.”

“Hadda xaalkaan waa dhammaaday. Anina khoolkeeyga waa baxay, khoolkeeyga ma soo nakhsahaayo. Adina rabsha naga dhaaf Caddeey!”

“Geberteyda igaarkaas ma lagu daraayo, minankaasna ma la geehaayo. Geberteyda meel xun ma la gelihaayo. Walaalkaada naag xun aas khabaa. Soonto an waa akhaan, afkeeda hanuunaas dheer yahay. Balaayo an kulyoon ma u taagnaahaayo. Tabarteyda ma aha. Maana-Faay abtigeeda igaarkiis dhalay aa lagu daraa, Jiilaani Xaaji Macow aa lagu daraa. Koo kaloo lagu daraayo ma leh.”

Xaaji Muumin intuu markiisa kululaaday buu si xanaaq ah u yiri, isagoo xaaskiisa indho kuukuusan ku fiiqaya, “Haah! Caddeey illaa, ani lillaahi aan kugu wadey, adna lakhdabaad igu wadey. Inaad taladeyda ku jirin oo adi gaar u tashaheesid, an waa ogaaday Caddeey. Berigaan ogaaday. Berigaan ogaaday.”

“Abidkaada ogaaw maahine waligaada ogaaw.”

Xaaji Muumin intuu istaagay, tusbixiisiina hore u qaatay buu si kulul u yiri, “I makhal Caddeey! Ani adoogiiyaan ahay, ani wudin dhoho aa yeelaysaa, maahine koo kale ma jiro. Maana-Faay, Abuukar Aw-Mukhtaar aa lagu daraa. War badan ma rabo. Hadal dambena ma igu soo nakhi kartid!” Waana dhaqaaqay isagoo xammaysan.

“Waa kugu soo nakhaa, waana kuu sheegaa,” Ay-Caddeey baa ka daba qaylisay. “Nidar aan ku maray, saddexdeeydaa saaran, waa i fureysaa maahine, Maana-Faay nin aan Jiilaani Xaaji Macow aheen oo lagu daraayo ma jiro!”

Intay markeeda istaagtay bay gurigii ku dhaqaajisay, iyadoo xiimaysa, xooggeediina laba jibbaarmay. Alaabooyin bay kala tuurtuurtay. Ilmihii bay ku qaylqaylisay, qaarkoodna u gacan qaadday. Armaajadii bay huruuftay. Alaabna kala baxday. Ugu dambaystiina intay shukadeedii hore u qaadatay bay iska dhaqaaqday, iyadoo hoos ka guryamaysa.

— 4 —

Ay-Caddeey sideeda qof dhib badan ma aha. Mar dhif ah ayey dhacdaa in khilaaf dhexmaro iyada iyo ninkeeda. Hase yeeshee, guurka Maana-Faay, baa wuxuu yahay arrin xasaasi ah. Waa arrin muddo badan laga dhur sugaayey, loo wada hanqal taagayey; qofba si u qorsheysanaayey.

Xaaji Muumin markii u horreysay ee uu arrintaan xaaskiisa la socodsiiyey, Ay-Caddeey diidmo cad uma muujin, umana riyaaqin. Inkastoo uu ka maqlay erayo aan badnayn oo ay ku durayso Iikar iyo hooyadii Soonto, haddana waxay ula ekaatay qof aan mashruuca hor taagnayn. Dhinaca bixinta Maana way ka biya diidsan tahay, laakiin, dhanka aroosinta Aweys way ku faraxsan tahay. Waa arrin ay in badan ku riyoonaysey. Jiijana qof xun ma aha. Hase yeeshee, Ay-Caddeey markay ciddooda war gelisay, ayay haweenku ku soo guubaabiyeen “gabadhaasi yay innaga na dhaafin. Aweysna annagaa gabar fiican u hayna.” Maana waa qof qaali ah oo loo wada han weyn yahay. Abtiyaasheed iyo adeerradeed qolaba dhankeeday ka dhawranaysey.

— 5 —

Maana waxay ka soo kacday sariirteedii ay sidii qof hurda isku nabaysey inta qorraxdu ka qaboobayso. Waxay damacday in ay bersadda kala soo baxdo saabuun ay ku qubaysato. Markay irridkii ku dhawaatay baa waxaa ka hor yimid murankii gudaha ka socday. Erayadii kululaa ee aabbeheed iyo hooyadeed isku tuurtuurayeen. Intii hore hoos bay u hadlayeen. Waxay ku dadaalayeen in aan hadalkoodu bannaanka u bixin, carruurtuna dareemin. Hase yeeshee, markii la isku xanaaqay buu codkoodii xarga goostay, carruurtii bannaanka joogtayna la illaaway. Ceeb baa dhacday. Sirtii baa fakatay. Erayadii oo kankoonsan baa Maana-Faay maqalkeeda ku soo dhacay. Intay dib u joogsatay bay dhagaha taagtay. “Wax idinka soo dhammeesateen ma ii keeni kartiin. Maana-Faay igaarkaas ma lagu daraayo. Minankaasna ma la geehaayo. Walaalkaada naagtiisa hanuunay af dheer tahay. Af xaartaas geberteey ma loo geehaayo. Belaayo an kulyoon ma u taagnaahaayo. Tabarteey ma eh. Maana-Faay abtigeeda igaarkiis dhalay aa lagu daraa, Jiilaani Xaaji Macow.”

Maana-Faay intay kud isku tiri bay laabta gacanta saartay, sidii iyadoo sacabka ku celinaysa wadnaheeda boodboodkii laba jibbaaray, ee xabadkeeda haraatida ku waalay.

Intay dib u yare noqotay bay jikada is-dhex taagtay, si aan dhageysigeeda loo dareemin. Halkeedii bay dhegaha ka raaricisay. Aad bay u danaynaysay in ay warkaas dhegeysato. Erayada la is weydaarsanayo caddaan u wada maqli meyn, laakiinse, arrinta lagu murmaayo way fahamtay. Way garatay waxa la isku hayaa inay yihiin “Maana-Faay, adeerkeeda igaarkiisaa loo aroosihaa,” iyo “Abtigeeda igaarkiis dhalay aa lagu daraa!”

Anlee ma i warsadiinoo khaftii rabo. Ar dadkaanaa! Iika leeba madaxooda ka adeegahaayo. Khaf joogto aaba madaxeeda lagu murmaa anigaa bixi haaya iyo anaa bixi haaya, iidna wax ma la warsahaayo. Waxaaseeto xaq miyaa? Waa u sheegaa. Wixii rabaan ha dheheen. Haddaan u galaa. Igaarkoo Axmed la dhahaayo aan rabaa aan dhahaa. Uslee jecelahay. Koo kale oo aroosaayana ma leh, idinka lee is-noojiheeysiin maahine.

Yac! Ma dhihi karo. Ma dhihi karo. An maa qaddarkeeyga dhan yahay?

Way isku naxday, markii fikraddaasi ku soo dhacday ka dib. Waxay is-moodsiisay in waalidku maqleen wixii ay iskula hadlaysey. Yaa siiyey dhiirranaantaa ay Xaaji Muumin ugala soo horjeesanayso doodad noocaas ah? Dhibaatooyinka ay beryahaan hurdo hunguri iyo hadalba uga go’day waxaa ugu daran haadaanta u dhexeysa iyada iyo waalidka, waxa uurkeeda gubaaya oo ayan u sheegan karin labadii qof ee iyada dad ugu jeclaa.

Shaki la’aan aabbe iyo hooyo waxba ka hagran mayaan sidii ay gabadhooda ugu soo celin lahaayeen farxaddeedii iyo fayoobiddii nafsaddeeda; laakinse ayaandarro, ma fahmi karaan meesha daawadeedu ku jirto, haddii ay u sheegtana faham la’aan uun baa uga sii kordhaysa. Ma Xaaji Muumin iyo Ay-Caddeey baa laga dhaadhicin karaa gabadhiinnu wiilkii la siiyey ma rabtee, mid kalay magaalada ka soo jeclaatay, isagayna rabtaa; isla markaana qof hallowday ma aha, gabarnimadeedii iyo sharafkeediina waxba iskama dhimin? Iihi! Taasi waa qorraxdii oo galbeed ka soo baxday!

Maana-Faay waxay dareemaysay culays tankeeda ka weyn, cid ay la kaashatana garan mayn; dhinac waxaa uga huraya holacii jacaylka, dhinac waxaa ka haysta haaraankii waalidka, dhan waxaa uur-ku-taallo ku noqday arooska Abuukar ee loo abaabulayo, dhinac kalena waxaa hor yiil hawlihii dugsiga.

Hortii waxay ahaataba, hadda xaalkii wuxuu marayaa meel halis ah. Arooskii waa la soo dadajiyey, oo waxaa lagu qorsheeyey bishaan caddideeda, Jimcada soo socota, inkastoo habartii giiratay ee arrin cusub la timid, waxay dib ka fashaba. Fadhi dambe ma yaal. Waa inay wax uun samaysaa, si ay aayaheeda u badbaadiso. Iskuma filla, ismana badbaadin karto. Sidee yeeshaa? Waa inay heshaa cid ay u qayla geysato. Yay u irkataa? Yaa u ciirsi ah? Hooyo qoorta isaga duub, qisadana daaha uga wada qaad. iyadaa qalbi jilicsane. Wax ha kula qabatee. Maya. Maya. Waxay dhaheesaa Jiilaani Xaaji Macow aan kugu daraa! Axmed Jaamac la socodsii, uslee xilka ku wareeji. Qarqaris waa dhammaaday. Maxaa jira? Maxaa looga qarqarinaa? Maya. Maya. Xaalka waa sii xumaahaa. ‘Dhibaato ma ka bixi karnee, waalidkaada warkooda yeel,’ haddiis dhaho mashaqo maahinoo? Iga dhaaf balaayada. Us runta u sheeg maxaa jira, Iikarka naftirkiisa, wax dhe, aboo an ma ku rabo. Ha igu ajarmin adina ha is-ajarin. Laakiin iga dhaaf kaas foolkiis ma joogsahaayo. Fool daanyeerkaas!

Haah! Leyla. Walaasheyda Leyla aan dhahaa wax ila khabo, haddii walaasheyda aad tihid.

Leyla waa qofta keliya ee ay sirta ku qarsato. Xagga da’da, xagga aqoonta iyo xagga bulsho-la-dhaqankaba way isaga dhow yihiin. Aad bay isu jecel yihiin, inkastoo markii ay gabdhaha wada ahaayeen ay is-ximin jireen, hawsha guriga isku dhabiili jireen, mar marka qaarkoodna caytan iyo dagaal dhex mari jirey ee habartu kala canaanan jirtey, laakiin, markii Leyla guursatay kalgacalkoodii wuu kordhay, siiba intii ay shaqada heshay ee ay noqotay kaaliye-takhtar, markaasoo ay bilowday in ay walaasheeda ka yar xil gaar ah iska saarto.

Ninkeeda Ciise-Dheere qudhiisu aad buu u soo dhaweeyaa, una xushmeeyaa dumaashidii Maana-Faay. Waa nin dhallinyaro ah oo maskax furan. Isaga iyo Leyla aad bay isu jecel yihiin. Maana-Faayna marka ay booqasho ugu tagto, waxay ka soo heshaa farxad badan. Qosol, kaftan iyo ciyaar baa waqtiga loogu dhammeeyaa. Cunuggooda Burhaan, Maana-Faay baa magaca u bixisay. Guriga markay tagto, salaanteeda waxay ku bilowdaa, inay Burhaan kor u qaaddo ee koolkooliso, dhabannadane ka dhunkato.

Beryahan dambe intii mushkiladdu soo foodsaartay, Maana-Faay way laba jibbaartay booqashadeedii ay ku imaan jirtey guriga walaasheed. Waxaa ka hor yimid jawigii gurigooda. Markay ku cabburtaba waxay ku oroddaa guriga Leyla. Habeenkii ay Axmed ballansan yihiin, badanaaba iyaday ku marmarsootaa. Markay ku soo daahdana iyaday soo martaa, si ay u waddo, waalidkana ugu warranto in ay iyada la jirtey.

Leyla waqti aan dheerayn bay baratay Injineer Axmed Jaamac, isaga iyo Maana-Faayna isku ogaatay. Ciise-Dheere ayaa is-baray, arrintana la socodsiiyey, isagoo fulinaya codsi Axmed u soo jeediyey. Axmed barashada Leyla wuxuu uga dan lahaa inay garab siiso isaga iyo Maana. Markii hore aad bay walaasheed u canaanatay, uguna cambaaraysay sida ay uga suurtowday inay ninkaas la saaxiibto, iyadoo og in la siiyey ina adeerkeed, arooskoodiina dhow yahay. Hase yeeshee, markii Maana-Faay si kulul u oyday, una dan sheegatay, walaasheed Leyla way u garowday. Waxay garaysatay astaamaha jacaylka ee ay ku aragtay, horena uga shakiday iyo qisada ay la socodsiisay, oo ah arrintu in ayan ahayn qorshe ay iyadu ku talo gashay ninkaan la saaxiib, balse ay is-aragtay nafsaddeedii oo xaggiisa u sii jiidanaysa, kana goyn kari wayday.

Leyla ma aha sida waalidkeed, ee way qaddarinaysaa xaaladda walaasheed, maxaa yeelay, way fahmaysaa jacaylka iyo dabeecaddiisa la yaabka leh ee aan cidna lagu eedi karin. Iyada qudheeda ayuu hore u soo jilciyey, xanuun badanna ka soo martay; hase yeeshee, dhibaatadiisii hore waxay ku illowday guushii dambe ee ay ka gaartay in ay guursato jacaylkeedii Ciise-Dheere.

Maana-Faay, galabtaas ay maqashay murankii ka dhex taagnaa aabbaheed iyo hooyadeed, subaxdeediiba waxay hore ka aadday walaasheed Leyla. Waxay u sheegtay sidii ay wax u maqashay, ka dibna waxay iyadoo ooyaysa ka bariday inay gacan ku siiso badbaadinta aayaheeda. Waxay waydiisatay inay waalidka iyadu runta u sheegto, sida wax u jiraan oo dhanna la socodsiiso, kulana dooddo in aan walaasheed la khasbine loo daayo ninka ay nafteedu jeclaysatay, ee ay u dhimanayso. Leyla way la murugootay walaasheed, wayna ka ballanqaadday inay la guntanayso, intii tabarteeda ah.

— 6 —

Aay-Caddeey waa tii odaygeeda ka xanaaqdaye, inan yar ka fududaatay, aqalkeeda tuurtuurtay, ilmeheeda ku qaylisay, armaajadeeda huruuftay; ka dibna shukadeeda dhegta qabsataye jaranjarta halhaleel uga degatay. Jidkay laba ka dhigtay. Jeesjeesad ma jiro. Dhowr qof baa salaan ula tannaagootay. Dheg uma jalaq-siin. Luuqyadii Xamar Weynoo ay luga jiidka ku mari jirtey bay badankooda daqiiqado yar uga dhex dustay. Goormaa ugu dambeysay saan-fudaydka noocaan ah? Waayo-waayo!

Waxay sii xiintaba gurigii walaalkeed Xaaji Macow bay isku shareertay. Waxaa dad ugu soo hor maray dumaashideed Aay-Batuulo iyo walaasheed Aay-Khayrto oo qudheedu qaraaba-salaan ku joogtay. Arrintii bay la socodsiisay. Aad bay ugu bogeen. Gacmo furan bay ku soo dhaweeyeen. Mowqifka geesinnimada leh ee ay istaagtay bay ku bogaadiyeen. Waa gartood. Waayo, hortiiba dabkaan labadoodaa huriyey. Aay-Caddeey iyagaa sal-kiyey. Markii u horreysay ee ay ku wargelisay in Maana-Faay aabbaheed bixiyey, ayay canaan kulul ugu jawaabeen. Inta indhaha loo caddeeyey baa la yiri, “Ad meeshaas iska surnaaw lee, sanam camal, gebertaadii sagaal bilood iyo suggiis aa soo waddey, sanayaal badan soo korseheesey, dhibaato dhaxaa ka soo martay, kuwoo lee madaxooda a ka adeegteen, adina meehaas ii surnaaw! Ad walaalkaada igaar ma khabo miyaa, nabarkii ku daraayo walaalkiis igaarkiisa?”

Waxay ku guubaabiyeen inay ku gacan sayrto qorshaha aan lagala tashan ee ay soo dhammaysteen ninkeeda iyo walaalkii; kuna dadaasho sidii Maana-Faay loogu guurin lahaa Jiilaani Xaaji Macow oo laba sano ka yar; waayo, walaalkeed wiil ka weyn ma qabo. Waa markaas marka ay kacday Aay-Caddeey.

Xaaji Macow way la foolxumaatay islaanta weyn oo soo carootay. Intuusan guriga ugu imaan buu arrinta ka war helay. Waxaa u wargeeyey Aweys Xaaji Muumin oo markuu maqlay in hooyadii carootay, isla fiidkiiba abtigi ku orday. Meel uu ku malaynayey buu ka raadiyey, uguna tagay. Wuxuu ka codsaday in uu duqda degdeg u soo caro celiyo, xaalkana qaboojiyo. Aweys arrinta hooyadii ku kacday argagixisay ku noqotay. Waxay ugu muuqatay khatar soo foodsaartay arooskii uu isu diyaariyey.

Aweys waa ka duwan yahay ina adeerkii Iikar. Isagu markuu maqlay “Waa laguu guurinayaa” raynrayn buu la soo booday. Gabadha loo gartayna aad bay u cajabisay. Hammigiisa ugu weyn buu ka dhigtay. Nafsaddiisoo dhan buu raaciyey. Qalbigiisuu u wada furay, ilaa uu u qaaday dareen jacayl oo ka duwan kal-gacaltooyadii walaalnimo ee uu hore ugu qabay. Iyada qudheedu la mid bay ahayd, inkastoo ay ka xishoonaysay inay muujiso dareenkeeda.

Labadaas ruux is-laab-raace. Saxansaxo jacayl wada saaqday. Saymihii cishqiga isla addorose. Hoygii ay farxadda ku darandoorrin lahaayeen loo diyaari. Maxayse kuugu taal, waa farxad meel ka shakaalan. Kuwii lahaana ka furan karayn. Waxay ugu marti yihiin dhaqan macangag ah. Labadaan isu oommane arooskooda dherarsaday, aayahoodu wuxuu ku xiran yahay labada kala ufoonaya. Haddii Maana iyo Iikar isa seegaan, Aweys iyo Jiijana is-waaye. Labada aroos way isku xiran yihiin, ama wada baaqde ama wada hirgale. Xataa guurka ka dib haddii Maana ninkeeda ka soo carooto, Jiijana waa inay walaalkeed ka soo tagtaa ee khasab ku soo carootaa, xataa hadday ninkeeda jacaylkiisa u dhimanayso. Haddii kale ciddooda kama nabad galayso!

Aweys arrimahaasuu ku xisaabtamayey markii uu ka argagaxay ammuurta hooyadii ku tallaabsatay. Sidaasuu abtigii ugu orday, uguna dan sheegtay. Wuxuu ka baryey in uu garab ku siiyo si aan farxaddiisa iyo mustaqbalkiisa looga burburin. Xaaji Macow gar-gelyaba uma baahnayn. Isaga qudhiisa ayaanba raalli ka ahayn waxa ay ku kaceen Aay-Caddeey iyo naagaha kaloo u durbaan tumaya.

Xaajigu waa nin ikhyaar ah oo ceeb neceb. Hadda ka hor si dadban bay ugu soo duushay in ay jiraan dumar ku hadaaqaya Jiilaani iyo Maana-Faay ha la isku daro. Hase yeeshee, arrintaas tixgelin ma siin. Hadda uun buu xogwaraysi galay, markuu ka war helay carada walaashii. Ma jeclaysan markuu ogaaday sida wax u dhaceen. Inkastoo qudhiisu jeclaan lahaa inay Maana-Faay qoyskiisa ku soo wareegto; haddana uma muuqan sidii arrintaasi ku suurta geli lahayd. Mana doonayn inay dhacaan waxyaalo iska hor keeni kara isaga iyo seeddigii Xaaji Muumin, oo ay isku wanaagsan yihiin. Wuxuu go’aansaday in uu degdeg uga hor tago dhaqdhaqaaqa dumarku wadaan. Wuxuu ogaaday haddii arrintaas la sii wado, waxa keliya ka dhalan kara inay yihiin colaad ma guuraan ah dhex marta dad xidid ah iyo qaar xigto ah.

Sidaas awgeed, intuu si degdeg ah gurigii ku yimid buu haweenkii buuqayey canaantay. Waxay isku dayeen in ay qorshahoodii ku qanciyaan. Kamase hoos-qaadine wuxuu uga digay inay arrimahaas faraha kala baxaan. Aay-Caddeeyna wuxuu si gaar ah ugu ceebiyey, carada maan-gaabnimada ah ee ay iyadoo cimrigaas ku jirta ka soo carrawday reerkeedii ay soddonka sano ku ilma dhalaysay. Wixii madaxeeda ku jirey wuu ka saaray. Wuxuu ku baraarujiyey in ayan gabadha xaggeeda keliya eegine, tixgeliso wiilkeeda loo guurinayo gabar uu jecel yahay. Habeenkii waa u caqli celiyey, subaxdiina gurigeedii buu ku celiyey, iyada iyo ninkeediina maslaxay, isagoo waliba seeddigii u tacsiyeynaya, hindisihiisiina ku bogaadinaya, si uu tuhunka isaga fogeeyo.

— 7 —

Guriga reer Xaaji Muumin makhribkii dadku kuma badna. Daaradda waxaa laba gambar ku fadhiya Aay-Caddeey iyo gabadheeda Leyla oo galabta booqasho ku timid. Cumarey iyo saaxiibkii Calina, baabuurtoodii ciyaarta ayay shamiitada marba dhinac ugu cayrinayaan, markay dadka waaweyn kula soo dhacaanna habartu canaananaysaa. Leyla booqashooyinkeedu waa joogto; hase yeeshee, tan galabtaasi way ka duwanayd kuwii caadiga ahaa. Waxay ahayd muruqa laba suulle ee ninba si ku ah. Hooyadeed waxay la tahay booqasho caadi ah, Leylana waxay u tahay tijaabo khatar ah oo ay u toog haysay in ay kala noqoto guul iyo guuldarro midkood. Maana-Faayse waxayba u ahayd geeri ama nolol.

Leyla waxay hooyadeed u sheegtay inay Maana-Faay gurigeeda uga soo tagtay, ee joog tiri, waxay ka codsatay in loo oggolaado in ay labadoo beri la soo joogto, hawo-geddis ahaan. Ujeeddadeeda dhabta ahise intaas ma ahayne, way u sii gogol xaaranaysey, si hadalku ugu furmo. Aay-Caddeey intay ruqaansatay bay gabadheeda ugu jawaabtay, “Baraabar waaye, a kula soo joogto, haddii adi hunguri kuu cuneeso. An waaba ku dhibtooday. Hunguri ma kuu cuneeso, ma kuu hurdeeso, iidlee isku makhan. Hortii shakhada minanka waa i kaalmeen jirtay, kaalmadii waa ka weesanahay. Iida naftirkeedaba sii nakhatay waa aragtay, qaf oo isbitaal ka soo baxday camal.”

Leyla intay fursaddaas ka faa’iideysatay bay tiri, “Umaa, gebertan wixii sidaas la nakhatay ma kaseeysiin?”

“Ma kasi karo gabarteey. Kaas amar waayebee. Macallin waa u khabtay, warqaasaa loo dhigay, takhtar waa loo geeyey, si kasta waa loola hadlay, horlee u soo darseheesaa. Waxaaneyto cayuun aan u mudaas.”

“Umaa waxaa dhan ma eh. Gebertaan wixii saas la nakhatay waxaa waaye; gebertaan Iikar ma rabto. Haddii lagu darana horlee u sii khafiifeesaa, usna waa ku dhibtoonaa, ma mudaayo in arooskaas lagu faa’iidaayo.”

Aay-Caddeey, sidii qof meel nabar uga yiil laga taabtay bay intay soo jeesatay tiri, “Wallaahi an naftirkey igaarkaas ma u rabin, laakiin, adoogeedaa ku daray, an taladey haddii ahaa leheed, abtigeeda igaarkiis dhalay aan ku dari lahaa.”

“Kaasna ma rabto ummaa.”

Habartii intay dhabannada qabsatay, bay tiri, “Iihi, maxeey rabtaa, yaa u naas cad?”

“Igaarkoo kale, Axmed la dhahaayo ay jeceshahay,” Leylaa qumbuladdii ay la gaatameysey ridday.

“Axmedaa! Axmedna yaas ahaay?” Aay-Caddeey baa tiri, intay yaab dhabannada la qabsatay indhahana taagtay.

“Yarkoo injineer eh waaye.”

“Ijeerna intees naga soo galay, yaa noo dhalay! Iihi. Habartiisa maad kasee, adoogiis maad kasee? Waxaa la dhahay: wax la yakhaan aroos, wax la yakhaanaa laguu dhalaa!”

“Maya, laakiin, igaarkoo fiican waaye, ikhyaar eh, oo ciyaal suuq aheen, iidna waa u dhimaheesaa.”

“Haah! Dulmiyaad raalli isugu tihiin miyaa! Kaas aaba ka soo jiibisay miyaa, aad ani ii keentay? Yac intiid ka dhihi leheed aaba ka soo jiibihee miyaa? Yaa nii baray igaarka dadoow oo unnukaba kaseeyn?”

“Ummaa xaalkaas xaal oo sahal eh ma eh. Haddaba waa idiin sheegay. Walaasheyda aan la khasbin. Igaarka iida jeceshahay haddii loo diido oo koo kale lagu khasbo, ma noolaaheeso!”

“Adoogaa muggoo adlee ula tageey, ani afkey ma soo khabahaayo, aniyo usi shalay-maantaan tii ogaantoy ka dhacdayaa, abtigaada na heshiisiiyey. Muggoo ani lugteey ka bannaanka!”

Isla markii ay sidaas lahayd, ayaa waxaa soo galay Xaaji Muumin oo masaajidka ka yimid. Erayadii dambana maqlay. Leyla jawigii waa ka xumaaday. Qorshaheedu wuxuu ahaa in ay marka hore habarta qanciso, kaddibna labadoodu intay iskaashadaan odayga si deggan ula hadlaan. Laakiinse arrintii faraheeda way ka baxday.

Odaygii baa ku soo kadiyey, iyadoon weli ka tabaabushaysan. Intuu is-dultaagay buu yiri, “Maxaa waaye warka oo sheegowgiisa laga cabsahaayo?”

Labadoodii intay is-dhugteen bay aamuseen. Tee ku dhiirran karta in ay u sheegto! In yar kaddib bay Aay-Caddeey intay gabadheedii mar kale eegtay ku tiri; iyadoo eedda iska duweysa, “U sheeg hee, adilee warka ma keeninoo?”

“Baaba wax oo sidaa u weyn maahin, wax-yar-lee waaye.”

Leylaa intay geesinnimo iska baartay warkii bilowday, markay aragtay in ay joogto meel aan laga soo noqon karin. Waxay aabbaheed ugu soo celisay arrintii ay habarta u sheegtay. Keliya qodobkii ahaa inay Maana nin kale jeeeshahay, ayay si sarbeeb ah ugu sheegtay, in ay shaaca uga wada qaaddo way ku dhici wayday. Waxayse si geesinnimo leh ugu adkaysatay qodobkii ahaa in aan Iikar lagu khasbin. Xaaji Muumin intay ciiryaamo xanaaq wajigiisa ka soo soka martay, cabbaarna aamusay buu mar dambe hadal bilaabay; isagoo codkiisa caro kulul ka dhex shanqarayso, ereyadana carrabka ku cadaadinaya, “Hoy Leyla i makhal! Wixii shirkaan minankaada kaa soo waday edebdarro waaye. Maana-Faay anaa dhalay, iida ma i dhalin, mana ii tashaheeso, anaa u tashahaa, gabarteyda waaye. Arooskeeda adna ma diidi kartid, iina ma diidi karto, qaf diidi kartana ma leh, arooska Abuukar aa u yaal. Abuukar aa aroosaa.”

Intuu sii kululaaday buu raaciyey, isagoo taagti qaylinaya, Leylana farta ku fiiqaya, gacantana u ruxaya, “Nin kale warkiis ma ii keeni kartid, iina ma ii keeni karto! Haddana inta ka bax! Soco, wajigaada i doori aan ku dhahay!”

Leyla intay guuldarradii hoos ula hogatay bay boorsadeedii haab-haabatay. Aabbaheedna markuu eraygii ugu dambeeyey xabbad ahaan ugu halgaaday buu gurigiisii horay ugu sii gudbay, isagoo wajigiisa weli dhimbilihii xanaaqu ka fanfaniinayaan, cod kii hore ka hooseeyana ku sii naqsanaya, “Edab-daranaa iyada! Iikar ma rabto. Iikar ma rabto!”

— 8 —

Maana-Faay aqalkii walaasheed bay murugo la dhex fadhidaa. Weli waxaa horyaal bakeerigii ay galabta shaaha casariyaha ku soo shubatay. Hal mar bay labta shaaha casariyaha halkiisii ku illowday.

Waxay ka war sugaysaa walaasheed Leyla, oo waalidkii gargelyo iyo gargaar-dalab ugu maqan. Iyadaa kula talisay in ay halkeeda uga war sugto, si ay uga fogaato goobta ay miinada ku qarxinayso.

Aad bay u dherarsatay soo noqoshada walaasheed. Markii shanqari soo yeertaba wadnahaa xoog u boodboodaya. Waxay is-leedahay waa Leyla. Tolow maxay kuu siddaa, ma bishaaro mise baas iyo baroor? Warka ay u keeni doontaa waa u nolol ama geeri.

Waxay u sugi la’dahay sidii ay u sugi waayi jirtay ballammada Injineer Axmed Jaamac, ee ay waqtigii oo aan dhaweyn ku waalan jirtay eegmada saacadda, qofkii la hadlana nebceysan jirtay, ee ku soo dhici jirtay in ay ku booddoo qanqaniinto. Waxay la noqon jirtay inuu saacadda ka khaldaayo, ee is-gafsiinayo iyada iyo jacaylkeeda ay sugayso. Hadday saddex beri kaddib ballamaan, maalmahaas oo idil waxay u tirin jirtay saacad-saacad. Waxay is-oran jirtay, Allow yaa beriga saddexaad lee ii bootiya! Waxaa ku soo dhici jirtay inay qorraxda gacanteeda ku wareejiso, sida saacadda u xiran!

Leyla maqnaan badanaa! Maxaa qabsaday? Shanqar baa soo yeertay. Sideedii baa wadnuhu boodbooday. Qof baa soo galay. Oow! Allayle waa iyadii!

“Abbaay Leyla!”

Hal mar bay kursigii kor uga boodday, iyadoo farxad kadis ahi foolkeeda ku sawirantay. Hase yeeshee, sawirkaasi dhakhsuu u tirtirmay. Waxaa ka hor yimid waji kaduudan iyo indho kurbaysan. Walaasheed oo caga-jiid ah baa iyadoon afka furin, boorsadii iyo garbasaartii midba meel ku tuurtay. Magac ba’ay! War dhafoor buur ku yaal! Waa astaantii guuldarrada. Su’aal welwel xambaarsan bay weydiisay. Iyadoo lugna baqo ugu taagan, lugna dagaal, bay tiri, “Abaay ii warran?”

Tii kale oo aad mooddid inay iyada colaad u hayso, ee ugu ciil qabto baxarkii ay galisay, ayaa hore intay u dhaaftay, ugu jawaabtay, “Walaashey, war haddii iga sugeysey, Jimcada aroos isu diyaari! Cawa dambe waa lagu nikaaxaa!”

Erayadii oo aan Leyla afkeeda ka dhammaan ayay Maana intay dhulka iska halgaadday, ee qunbulad oohin ah ee is-biirsatay daboolka ka qaadday, sidii wax waalan u qaylisay.

“Bes. Bes. Bes! Wax kale ha ii sheekin, waa ku tuugaa iga aamus lee! Alla ba’ayeey! Alla ba’ayeey! Alla intee aadaa? Alla yaa dhub i siiya! Yaa dhulka ila gooya! Yaa cirka iga qariya! Yaa…”

Baroor aan kala go’ lahayn bay afka furatay, iyadoo oohinteeda jidadka laga maqlayo. Jidadka iska daaye, haddii jehooyinkoo dhan la isaga yimaadana ma kala jeclayn. Sheex iyo nolol midna dani kama hayn. Waxay isla ahayd qof qiyaamaheedii cirka ka soo dhacay, loona sheegay in cimrigeedu Jimcaha ku eg yahay.

Dad badan oo daris ahaa baa ku soo heentay, iyaduse dan kama lahayn umana jeedin. Xitaa haddii hortooda guntiinadu uga dhacdo sooma ceshateen. Sharaf iyo xishood iska dhaafe, nolosheedii oo dhan baa la qiime beeshay. Waxay jeclaysatay in dhulku la go’o. Dhalashadeedii bay ka shallayday. Maryihii ma tuurin miyir kalese kuma harin.

Dadkii yaabbanaa ee baroorteeda ku soo baxay way soo bateen. Qaarkood baa isku dayey in ay qaboojiyaan, ee u caqli celiyaan. Waxaa ka mid ahaa dumaashigeed Ciise-Dheere oo dibedda ka yimid amarkaasna la kulmay. Wuxuu u naxay si uusan weligii u naxin. Weligii kuma riyoon Maana-Faay baa heerkaas gaaraysa. Intuu ag-fariistay buu garka iyo garbaha qabtay. Wuxuu isku dayey inuu sabaalin ku qaboojiyo. Intay ka fara baxsatay oo sidii wax waalan walaasheed oo ay hore ugu gacan sayrtay dhexda isaga martay bay baroortii sii kordhisay.

“Abaay Leylaay! Alla abaay Leylaay i faki! Alla abaayey i qari! Alla abaayey i duug! Alla abaayey i dil. Alla abaayey intee aadaa? Alla Ilaahayow ma i nacday? Alla maxaa i uumay? Alla yaa ii islaan eh!”

Leyla intay is-hayn weyday bay iyana furka tuurtay. Oohin iyo haaraan is-huwan bay afka furatay. Mar aabbaheed iyo adeerkeed bay hiif iyo haaraan u miistaa. Mar dhaqanka gaboobay bay guud ahaan u nacladdaa. Mar Axmed Jaamac bay eed iyo dhaliilba dhabarka u saartaa. Marna Maana-Faay qudheeda madaxa goosataa. Eedeyn aan ka dhab ahayn bay kula calwasaaddaa. Dariskii qaylada ku soo baxay way amankaageen. Meel ay arrin ka qabtaanna garan waayeen. Maana wax la oran lahaaba Leylaa ka dartoo dibi dhashay. Tee baa la aammusiyaa, ma tii yarayde baroorteeda lagu soo baxay, mise tan weyne haatan baraha dheeraysatay!

Xaafaddii oo dhan soos bay noqotay, sidii meel shil ka dhacay. Ciise-Dheere intuu isku yaxyaxay buu beledkiisii isaga noqday, markuu garan waayey si uu waxyeelo iyo meel uu wax ka qabto. Guriga uu deggan yahay iyaga u gaar ma aha. Waxay qol iyo bersaddii iyo qol gabdhuhu u seexdaan ka deggan yihiin guri mitir-kubbo ah, oo halka mitir ee u hooseeyaa dhagax yahay, inta kalena alwaax la madoobeeyey. Waxaa la deggan xaas kale oo iyaguna qol iyo bersad ka soo horjeeda ku nool iyo nin darawal ah oo isaga iyo wiil arday ah oo uu adeer u yahay hal qol ku wada jiraan.

Marwadii reerka dariska ah, oo da’dii toddobaad xaamila ah, ayaa Maana iyo Leyla iska xijinaysa dumarka kale, carruurtana ku xaarxaarinaysa in ay buuqa ka qaadaan ee guryahoodii kala aadaan. Carruurta qosol iyo foorjayn bay uga caddahay. Dumarkuna waa qaar kor taagan oo afka taageero iyo tacsiyayn uga soo jeedinaya, uurkana uga qoslaya, iyo qaar ka durugsan oo su’aalo xog-raadis ah iyo erayo xan ah is-dhaafdhaafsanaya.

Waxaa u firfircoonayd Beyddan Shabeel oo gadaal ka timid. Beyddan waa islaan war badan oo ka shaqaysa isu-geynta ragga iyo dumarka. Waa haweenay aan dheerayn, hilibkeedu buuxo, da’deedu afartan iyo dhawr tahay, hase yeeshee, la moodo in ay ka yar tahay. Inkastoo ay Boondheere dhanka shishe ka deggan tahay, haddana degmadaas xaafadaheedu guri guri bay ugu xisaaban yihiin, siiba gurigii hablo da’ yari ku nool yihiin, xaas iyo madaxbannaan kay doonaanba ha ahaadeene.

Waxay wareejisaa dharka dumarka. Dadka waxay isaga dhigtaa qof shaqadeedu ganacsi tahay. Laakiinse, dadka aqoonta u leh, way og yihiin ganacsiga dharka inuu u yahay tab ay ku meel-marsanayso shaqadeeda dhabta ah. In ay ka dhiganayso fiisa ay ku gasho guryaha ay hablaha ka ugaarsanayso. Hablaha bilicda-san waxay u ugaarsataa sida nimanka shabeelnaagoodyada ah. Gabar qurxoon oo meel maraysa markay aragtaba, waxaa ku soo dhaca nimankii rukunka u ahaa kooda ku habboon in qoftaas loo geeyo iyo dallaalka ay ku heli kartaa inta uu noqon karo. Waxay haysataa baasaboor weyn. Sida badan waxay u dhooftaa Sucuudiga, muddo kaddibna alaab ka soo dajisaa.

Leyla aqoon fiican uma leh, maadaama ay tahay qof shaqaale ah oo firaaqadeedu yar tahay, degaankooduna kala durugsan yahay. Hase yeeshee, mar horay xansatay, warkeedana way ka dheregsan tahay. Waa sababta labaade ay ugu soo degdegi weyday barashadeeda iyo u sheekaynteeda. Guryaha ka soo horjeeda ayey galabtaas qaseysey, markii ay dareentay buuqa mitirkubbada ka dhacay ee dumarka iyo carruurtii ku yaaceen. Sidii bay ku timid.

Gabadha quruxda badan ee barooranaysa markay aragtay, aad bay u danaysay. Waa arrimaha ay ka hesho. Waxay heshay fursad ay ku heli karto bocortaas cusub xogteeda. Gabar dariska ah oo ay dareentay inay si fiican u taqaan bay intay gacanta qabsatay, ee gees ula baxday, hoos ahaan u waydiisay, “Hooyo gabadha maxaa helay?”

“Nin aabbaheed siiyey bay diiddan tahay.”

“Oo maxay sidaas ugu ooyaysaa, malaha mid kalay jeceshahay?”

“Haah.”

“Oo muxuu yahay hooyo macaan, nin maal leh miyaa?”

“Waa wiil Injineer ah.”

“Haah, qoladaan Hawlaha Guud miyaa?”

“Maya.”

“Heeh?”

“Wuxuu ka shaqeeyaa Warshadda Muraayadaha.”

“Haah, gartay, waa yarkii wanaagsanaa, magaciisii Cabdi miyuu ahaa?”

“Axmed Jaamac.”

“Nacam, nacam, Allow afka ha kaa goyn, waa Axmed Jaamac! Laakiin, eeddo waxaan maqlay isagu ma jecla?”

“Waa jecel yahay baa la lahaa, laakiin, way waalan tahay si kastoo uu u jecel yahay nin yaanyow maan u ooyn lahaa.”

“Waa runtaa caqliley baad tahay, nin la isma raaciyo, kii habeenkaas suuq lehna jar baa loo dagaa, kistaadaa laga shubtaa, kii kalena…”

“Heedhee orod oo carruurta cashada u kari, maxaa meesha ku taagay?” Gabadha hooyadeed oo Beyddan warkeeda qabtey ayaa intay ku soo baxday hadalkii ka kala goysay. Waxay dareentay khatarta gabadheedii qarka u taagan tahay.

Beyddan intay duqdii xanaaqsanayd salaan ku maaweelisay, bay Maana iyo Leyla u gudubtay, si ay isu barto. Waano iyo erayo macaan bay ku asqaysiisay, iyadoo sama jecle aqooni ah isaga dhigaysa, uurkana uga mindo-lisanaysa. Waxayse ku beegantay goor Leyla dulqaadkeedii buux dhaafay, ee ay aad uga xanaaqday dadkii dul-tubnaa iyo warkii badnaa ee ay ku buuqayeen. Waxaa mar qura ku soo dhacday, Maxaa naagahaan iyo ciyaalkooda arrimihiinna soo dhex geliyey? Waxay ku abhisay in ay gurigeeda uga baxaan. Markay tii u dambeysay baxday bay albaabkeeda hoos ka xiratay, Maanana khasab ku aamusisay.

Xanaaqii wayba ku xoogsatay. Nolol iyo ad-adeyg bay ka qaadday. Intay laab-la-kicii iska illowday bay arrintii si dhab ah ugu fekertay. Tallaabada ku habboon iyo taladii ay yarta ku biirin lahayd bay maskaxdeeda ka baartay. Meel ay jaaha u saarto way garan weyday. Isma dhiibine maskaxday sii dhalaalisay. Mar dambaa fikradi ku soo dhacday. Fikraddii bay u bogtay, walaasheedna u gudbisay.

Waxay kula talisay, inay aroortii Axmed Jaamac ku kallahdo, arrintana farta ka saarto. Talo isagay jirtaa. Waa imtixaankiisii kama dambeysta ahaa. Waa in uu ka gudbaa, ama ku dhacaa. Hadduu wax isku hayo, gabadhiisana daacad u yahay waa inuu dabinka kala baxaa. Waa in uu nikaaxa habeen dambe lala maaggan yahay mid ka horreeya ka gaarsiiyaa. “Haddii kale us daacad ma kuu aha, lakhdabaas kugu wadey, adina ka tala bax; haddiid dhimaheesid dhereerka waa la iska duwaa. Sida waalidkaada kuugu taliyey iska yeel! Adduunyo nasiib lee waaye,” ayey ugu gabagabeysay.

Maana taladaas way qaadatay. Aad bay ugu riyaaqday. Hortiiba wax ku dhiirrigeliya uun bay la’ayd. Rajo fiican baa gashay. Niyaddeedii nolol baa ku soo yara noqotay. Talo kale ma jirto. Waa in ay isla berrito subax Cagaaran isula dhuuntaan. Kaddib wixii dhacaayaaba ha dhaceen. Axmed sidaasuu ku talin doonaa. Maana rajadaasay habeenkii oo dhan isku maaweelinaysey. Waaberigana dherarsanaysay.

Xubinta 8aad

— 1 —

Diiq baa dhawaaqay. Mid kalaa ka jiibiyey, wadaad baa u marag furay. Aamuskii madoobaa buu addin kala dhex kacay. Ka baxshaa ba’ay. Alalaas baa afarta jaho is-qabsaday. Digaag aleeggadaya. Wadaaddo addimaya. Dameero orinaya. Dhallaan ooyaya. Dumar aamusinaya, iyo wixi la mid ah. Aaway dunidii daqiiqado ka hor shibta ahayd? Diiqii dhawaaqay baa dambigaas iska leh. Inta kale waa dameeri dhaan-raacday. Dawankaas iska daba dhacay dulucdiisa la garey. Waa sagootiskii habeenkii dheeraa. Waa soo dhaweyntii waaberigii wax badan la sugayey. Maalin taariikh leh baa madaxa keentay. Waa kala bayrkii u weynaa taariikhda nolosha Maana-Faay. Juu ama jaa. Jab aan laga kaban iyo jiritaan wacan bay maanta mid u jahaysan. Jid saddexaad ma jiri karo.

Been ma sheegin murti-dhaarigii laga maqlay, laba kala bariday kala war la’. Waagaa beryey waa 13kii bisha Mowliid. Guryo Xamar Weyne ku yaal farxad buu ula beryey. Guri Boondheere ku yaalse murugo iyo walaac buu ku soo balleeyey. Guryaha Xamar Weyne ku yaal waa reer Xaaji Muumin iyo reer Aw-Mukhtaar. Waxa farxadda ka keenaya waa arooska afar-geeska ah ee hawlihiisii maanta loo wada heegan yahay, nikaaxiisiina caawa lagu qorsheeyey. Guriga Boondheerena waa reer Ciise-Dheere oo Maana-Faay ilaa shalay dulsaar ku ahayd, murugadana u keentay. Habeenkii tagay, hammi iyo hurdo la’aan buu ku dhaafay.

Aweys Xaaji Muumin waa qofka ugu farxad badan dadka subaxaas Xamar Weyne waagu ugu beryey. Gacalisadii Jiija ayuu habeen dambe afar gidaar dhexdood albaabka hoosta uga xiran doonaa, isagoon cidi la joogin, cidina u jeedin. Laguna ceebin mayee waaba lagu bogaadinayaa. Alla dahabsanaa! Waxa uu sameyn doonuu ku sii riyoonayaa. Muuqaalkii u soo baxaaba farxad buu ku sii biirinayaa. Intuu is-illaawuu keligii isu qoslayaa. Markuu isgartana hareeraha iska eegayaa. Marmarka qaarkoodse wuu isku naxayaa. Siduu imtixaanka uga gudbi doonuu ka welwelayaa. In uu wax khalduu ka cabsanayaa. Habeenkaas Aweys laba indhood isuma geyn. Sida walaashiise murugo iyo madax-xanuun lama hurdo seegin. Farxad iyo fikrado is-jiirayuu la gam’i waayey.

Jiija qudheedu kama yaraysatee, wayba ka horraysaa. Adduun kaloo ay ka fekertaaba iyada uma jiro. Waxaase farxadda ka jiiraya, dareen yaxyax iyo mid baqdineed ee markay in yar faraxsanaataba ku soo boodaya, sidii calool xanuunkii. Waa makhabiyo guri-joog ah, oo la yiri boqollaal qof baa maanta hawshaada keliya u heellan, habeenka arooskana hareerahaaga tuban ee adiga uun ku daawanaya; ugu dambeystana nin baa aqal cidla ah la isaga kiin tagayaa, irridahana hore la idiinku sii ooday. Idinka lee waaye! Aabooy-aabooy, amuur ahaa taasi! Xumaayoo fiicanaa. Fiicanaa, fiicanaa! A’aah! Wallaahi baxaraa lagu jiraa!

Abuukar Aw-Mukhtaar farxad la sheegaa kama muuqato. Ninka arrintu khusaysana uma eka. Waa jirjirroolaynayaa. Reer uu isagu ka taliyo iyo naag aan cidi la wadaagin, cawiyo maalinna diyaar u ah, markay ku soo dhacdo, wuu isu bogayaa. Mas’uuliyadda fuuli doonta iyo magaalada uu ka xirmi doono markuu soo gocdana wuu is-xumaynayaa. Muxuu u sheegi doonaa gabdhihii saaxiibbadiis ahaa, ee ay ‘Ciyaal-biidka’ isla ahaayeen, caweysyadana isla darandoorrin jireen tumashada cawo kasta carcarta cusub leh? “Yaakhay arooskaan dhibkiisa ma iga dhaaftiinoo?” ayuu markaas hoos ugu gunuunucayaa, korse uma oran karo. Laba daraadle waxaa wadne-fug ku riday burutokoolka arooska. Wuxuu garan la’ yahay waxa uu ku hadli doono iyo sida uu isu ekeysiin doono saacadaha badan ee uu isagoo jaakaysan, aroosad iyo laba malxiisna ku dhex jira u taagnaan doono qaadashada hambalyada iyo salaanta dadka faraha badan ee ka soo qayb galaya xafladda arooska. Saacadahaas xasuustoodu waxba ugama duwana xabsi ay ku xukuntay maxkamad aan rafcaan lahayn.

Haddii taladiisa la tixgelinaayo wuxuu codsan lahaa in qoftiisa tartiib aqalka loogu soo geliyo, ama iyaduba gurigeeda keligeed iska timaaddo, rabsho la’aan. Maxaa jira dhibkaas iyo buuqbuuqaas!

Hayeey, hayeey! Haddana cabsi kalaa timid. Isaga iyo gabadha madaxa loo geliyey, markay isku keliyeystaan, ee afartooda indhood afar gidaar dhexdood isaga soo horjeestaan, muxuu fali doonaa? Xaggee buu hadal uga bilaabi doonaa? Asalkaba ma hadal buu hawsha ku bilaabi doonaa mise ficil? Ficil aa? Oo ficilkaasi muxuu noqon doonaa? Iikar wuu argagaxay, ammuurtaasi way la cuslaatay. Aaway geesinnimadii uu gabdhaha dadow ku kala shabin jirey, shukaansigoodana ugu bisa-bisoon jirey? Xaggee ka baxday dhiirranaantii uu ku khash-khashi jirey hablo uusan hore u arag, halkaasna kula qabsan jirey? Maxaa ka qaaday codkarnimadii uu saaxiibbadii ugu faani jirey inuu gabdhaha caqliga uga xado? Sidee uga argagaxay una garan la’ yahay eraygii uu afadiisa xalaasha ah albaabka jacaylka uga furi lahaa? Weliba qof qalaad ma ahee waa Maana-Faaydii adeerkii dhalay ee uu ag joogay ilaa ilmannimadeedii. Waa tii uu si walba u yiqiin, si kastana ku arkay. Iyadoo qoslaysa, iyadoo ooyaysa, iyadoo ciyaaraysa, iyadoo qaawan! Iyadoo xashaashaysa, iyadoo hurudda, iyadoo soo jeedda; si walbaba waa u yaqaan.

Laakiinse sidii loo yiri waa naagtaadii, waxay la noqotay qof kale; qof qalaad oo ka muhiimsan, kana khatarsan Maana-Faaydii uu yiqiin. Markay ka soo hor baxdaba wuu qabandhacoodaa, sidii qof uu deyn ka qabo. Waxaa ka soka marta ceeryaamo baas oo cabsideeda wadata. Wiilku waa yaabban yahay. Waalidkuna waa faraxsan yahay.

Aay-Soonto, waa u ciid raynrayn badan. Ciiddii ugu farax badnayd ee soo marta nolosheeda. Oo maxay la ahaan weyday? Sow curadkeedii Iikar-Yare ee ay cid walba ka jeclayd, caawa gabar cuddoon loo nikaaxi maayo, habeen dambana reer cusub ka ag dhisan maayo? Sowse cunugteedii Jiija-Faraxley, caawa marwo reer leh noqon mayso? “Haah. Jiija walwalkeedii waa ku daayey. Iyadoo weli dhowrsoon bay kuu guri gashay. Ilaalinteedii waa lagaa soo furtay. Xil dambe kaama saarna. Waxaad sugtaaba waa dhasheedii oo aad indhaha ku nuurato!” Aw-Mukhtaar dareenkiisu wax badan kama duwanayn dareenka xaaskiisa. Keliya wuu ka degganaa, xilka culayskiisana uga bura siday. Kamase farxad yaraysan.

Aay-Caddeey qudheeda waa u subax farxad leh. Mase gaarsiisna heerka Aay-Soonto. Dhanka wiilkeeda arooskiisa, loogama raynrayn badna. Dhanka gabadhayse farxaddeedu ka kala dhantaalan tahay, walwalna ka dareensan tahay. Iyadoon horeba Abuukar Aw-Mukhtaar raalli uga ahayn, ee la rabtey wiil eheladeeda ah, ayey haddana ogaatay in ay Maana ka uur xun tahay arooska Abuukar. Hooyo ahaan uur xumada gabadheeda way ka xanuunsatay. Hase yeeshee, waxay u haysatay arrintu in ay ku eg tahay ka xumaan. Waxayna ku talo gashay, cid kastoo ka xunba in aan waxba laga beddeli karin qorshahaan dhamaaday, hawshiisiina maanta lagu guda jiro. Waxay isku geesinnimo gelinaysay farxadda wiilkeeda Aweys oo loo guurinayo gabar uu jecel yahay iyada qudheedana la wanaagsan.

— 2 —

Sidaa awgeed, Aay-Caddeey qabanqaabada arooska waxay uga qayb qaadanaysaa si firfircoon, farxadina ka muuqato. Sidii waagu u baryey wax bay kala agaasimaysay. Xitaa quraacdii way haleeli kari weyday. Hadda uun baa ugu horreysa mar ay salka dhigato. Darin ballaaran oo ay bersadda ku gogoshay bay dacal uga fariisatay. Ma fariisateene marti sharaf markaas u timid bay gogosha iyo fadhigaba ku muunaynaysey. Waqti dhumis uguma socone, waxay ugu yimaadeen hawlihii arooska qaar ka mid ah.

Waa Abuukar Aw-Mukhtaar eeddooyinkii iyo habaryarihii oo keenay dhigaalkii loogu talo galay arooska Maana-Faay. Darintii ballaarnayd baa si haybad leh saf ballaaran loogu fadhiyaa. Dambiil weyn oo buuxdaa bartamaha la soo qotomiyey. Alaabtii ka buuxday baa mid mid loo soo bixinayaa, Aay-Caddeey loo bandhigayaa. Inuu raalli geliyana laga dhur sugayaa. Koox guntiinooyin casri ah oo ugu korreeyey baa kor loo soo qaaday. Toddoba way gaarayaan. Diricyo jaad-jaad ah baa laga soo daba bixiyey. Iyana waa intii oo kale. Darintii goglanayd baa iyaga iyo guntiinooyinkii khafiifka ahaa la isu-dul tubay. Dambiishii baa gacanta loo diray. Cutub googarado ah baa ka soo baxay. Aay-Caddeey baa la ag-dhigay. Quruxdooda iyo qaalinimada ay ku malaynayso ayay madaxa u ruxday. Dambiishii oo god weyni ka daloolashamay baa la gacan-togaaleeyey. Mise waa horin saakooyin ah. Tiro badanaa. Laba iyo saddex, shan, toddoba. Aay-Caddeey intay tirinaysayba waxaa ka dul yimid garbasaaro hillaacaya oo aan iyaga la tirin karin iyo masarro cuntub cuntub isagu xiran. Tan dambaa daran. Godkii oo sii dheeraaday baa laba gacmood oo is-barbar socda lagu celiyey. Hoob-laa! Laba nooc oo kaba ah baa ka soo baxay. Waa sookal iyo jabbaati. Oow! Aaway dacaskiina? Inta la xasuustay baa laga daba keenay. Aay-Caddeey sookalkii bay intay kor u qaadday, doocdoocisay, sidii iyadoo leh, Beladu cirbo dheeraa! Waxaa la mooday inayan ugu bogin sidii ay ugu bogaysay alaabtii hore.

Godku mug weynaa, maxaa weli ku haray! Dambiishii oo fududaatay baa dhinac loo soo jiifiyey, si loo hanqalloocsado haraaga ay weli salka ku haysato. Dhalooyin barafuun ah iyo baakado saabuun ah baa iska dul dhacay. Sidii khashinkii baa looga soo qufay. Bes miyaa mise? Inta kor loo qaaday baa salkeeda sacabka lagu shaxaaday. Aabaay! Illayn wixii u darnaa baa weli dhimmanaa! Waxaa laga soo saaray silsilad dahab ah oo wadata dhageheedii, jinjimaheedii iyo far-gashigeedii.

Aay-Caddey aad bay u raalli gelisay alaabta uu ka kooban yahay dhigaalka loo keenay arooska gabadheeda. Berri bay isugu yeeri doontaa dumarka dariska ah, uguna faani doontaa. Waxay xasuusan tahay dumarkaas qaarkood gabdhahooda lagu aroosay dhigaal midkaas ka heer hooseeya. Aay-Caddeey marti sharafteedii kama illaawin in ay xasuusiso ka soo qayb galka xafladda berri loo qaban doono ‘Sandalshiidmada’ iyo soo saaridda ‘Kaayda.’ Si gaar ah, waxaa iyada u sii darnaa in ay dad badan tusto ‘Kaaydii’ ay gabadheeda u dhigaysay ilaa iyo maalintii ay dhalatay; lana sugaysay inay hadiyad ahaan u siiso habeenka la arooso, Siddeed iyo toban sano iyo bar ayay u soo qalab aruursanaysay, kana dhursugaysay habeenkaas caawa soo guuxaaya!

— 3 —

Wax walba waa la diyaariyey. Guryihii ciduhu degganaayeen dhinacyadii ugu wanaagsanaa baa qoysaska cusub loo diyaariyey. Alaab casri ah oo boqollaal kun oo shilin ku kacday baa la dhigay. Abuukar iyo Maana, guriga reer Aw-Mukhtaar dabaqiisa saddexaad oo dhan baa loo banneeyey. Alaab qaali ahna lagu cammiray. Taariikhda xaafadda xaflad-arooseeddii ugu weyneyd baa la abaabulay. Intii Degmada ku noolayd iyo intii la hal-maasheyba waa la war geliyey. Labadii guri ee labada gabdhood ‘meel-fadhiisintooda’ loogu tala galay waa la darbay. Jiija waaba la geeyey gurigii habaryarteed ee la fadhiisin lahaa. Gabdhihi loo xil saarayna hawshoodii way bilaabeen.

Aaway Maana-Faay? Waa in la raadiyaa iyadana. Waa in isla subaxaan la keenaa guriga eeddadeed Aay-Khayrto ee loo banneeyey, looguna diyaariyey tobaneeyadii gabdhood ee labadaas bariye meel fadhiisintu socoto la joogi lahaa. Waa gabdho la soo xulay, hawsha loo xilsaarayna yaqaan. Waxay isu diyaarinayeen sidii ay marwada cusub ugu cillaan-saari lahaayeen, caruusad ugu ekeysiin lahaayeen, casharna uga siin lahaayeen nolosha xaasnimada iyo sida ninka loola dhaqmo.

Gabdhihii afar ka mid ah, eheladeedna u badan, ayaa loo diray in ay soo galbiyaan. Ilaa Boondheeray sii baraawiiqlaynayeen, buuqoodana meel fog laga maqlaayey. Way ka muuqatay inay yihiin gabal ka soo faniinay farxaddii arooska ee subaxaas Xamar Weyne ku faafsanayd. Iyagoo hees iyo haloosin la marqaansan qosol iyo is-qunjinna uga caddahay, ayey la soo laabteen guri mitir-kubbo ah. Albaab duugnimo rinjigii uga duulay bay gargaraaceen. Gabar dhawr iyo toban jira ah oo guntiino aan garbasaar lahayn xiran baa ka furtay.

“Haye Aamino! See tihiin? Nabaddiinna maahinoo? Ma iska roon tihiinoo? Haye? Maana ma ku jirtaa?” bay isu raaciyeen.

“Maya, Maana ma joogto,” bay ugu jawaabtay.

“Intee jirtaa?” bay hal mar isla wada yiraahdeen.

“Wallaahi ma sheegi karo, subaxaanba ma arkin. Ma ogi mindhaa iskool bay u kallahday.”

Way is-wada dhugteen, iyagoo aammusan, indhahoodana walaac ka muuqdo, ee farxaddii ka bidday.

“Waa iska sugaynaa intii ka imaaheeso, maahinoo?” mid baa ra’yigaas su’aal ahaan kuwii kale ugu soo jeedisay. Mid “Haah” tiraahda, mid garbaha nuuxisa iyo mid hore u gudubtaba jawaabtoodii oggolaashay noqotay.

“Leylana shakhay jirtaa miyaa?”

“Haah.”

“Shimey soo nakhataa?”

“Siyeed saac camal.”

— 4 —

Maana iskool uma kallihin, sida Aamina u malaysay. Waxay u kallahday gurigii Axmed Jaamac. Waxay la kallahday arrintii xalay Leyla ku talisay iyana go’aansatay. Waxay goosatay in ay aroorta guriga ku gaarto, arrintana wajiga ka saarto, ee culayskeeda isaga ku wareejiso. Waayo, waqti ma haysato. Way iska garanaysay in subaxaas la soo raadin doono, mar haddii lagu tala galay in caawa la nikaaxo.

Tagsi bay kiraysatay. Intay sii xiintay bay xaafaddiisii ku dagtay. Iyadoo weli dhaxamaysan bay irridkiisii gargaraacday. Islaan dariskiisa ah oo ku ag cadaysanaysay baa la hadashay oo tiri, “Hooyo ma Axmed baad dooneysey?”

“Haah hooyo.”

“Axmed ma joogo.”

“Jaa waa baxay miyaa?”

“Shalaydii horuuba baxayoo, waxaan u malaynayaa, Gobollada iyo meelahaas in uu aaday baan u malaynayaa.”

“Gobollada aa? Alla aayoy ma hubtaa? Intee waaye Gobolyaalka?”

“Maandhay anigu mana caddayn karee, mar baan maqlayey isagoo leh meel baa shaqo la iigu diray. Wallaahi meesha markii isagu waaba sheegayey, ee anaan shaqfad lahaynoo iska liqay. Jamaame miyuu yiri, mise Jarriiban, mooyi. Waa un meelayowgaas.”

Maana eray dambe kama soo bixin. Dhuuntii baa hal mar engegtay. Afkii baa jawraray. Carrabkii baa cuslaaday. Wiish baa cirka uga yeeray. Wadnahaa gaddoomay. Meel laga jiray garan weyday. Mar quray ka jeesatay islaantii oo weli u warramaysa. Warkii ay u sheegaysay bay xammili kari weyday. Islaanta iyo warkeedaba uurkay ka nebcaysatay, sidii ay iyadu Axmed dhoofisay. Illin indhaheeda ku soo joogsatay bay kala carartay.

Irridkay hal-haleel uga baxday. Jaho ayan garanayn bay afka saartay. Addimadii baa ruuxu ka baxay. Oohin bay ceshan weyday. Af labadi bay yeertay. Oheey oh! Adduunyadu dhib badanaa! Uurku-taallo weynaa. Ifka maxaa kadeed yaal! Bal miskiinaddaa eeg. Albaabkay garaacdaba ma soo oodmayaa!

Muddo saacad ku dhow markay uurka iyo indhahaba ka ilmaynaysay bay istiri, Horta maad war sugan raadisid? Warshaddii wiilkeedu ka shaqaynayey bay ku dhaqaajisay. Waxay ku sii riyoonaysay iyadoo Axmed Warshadda ka dhex heshay, islaanta warkeediina beenoobay. War xunow lagu waa! Maana Warshaddii bay isa sii taagtay. Runtii kharaarayd bay mar labaad hardiday. Islaanta warkeedii ma beenoobine iyada riyadeedii baa beenowday. Ha u bixin, waa riyo iyo caadadeede. Warkii waa la caddeeyey. Injineer Axmed shalay baa shaqo degdeg ah Jilib loogu diray. “Afar-shan beri buu maqnaanayaa,” baa la yiri. Yaa dhintay yaa nool? Afar iyo shan daaye, caawa hadduu dhaxo, ciribtiis go’day, Maanana galbatay. Bal guuldarradaas eeg!

Irrid kaloo ay garaacdo markay garan weyday, bay aqalkii Leyla xaggiisa u soo luuddey. Goor maalintii shan saacadood gudubtay bay gurigii ay aroorti ka kallahday ku soo dhacday, iyadoo addimada dhulka ku jiidaysa, unuunkeeduna culays weyn ku hayo sidii qof kiintaal ciid ah madaxa loo saaray. Erayadii kharaaraa baa weli dhageheeda ka sii yeeraya, “Axmed ma joogo. Shalaydii horuu baxay. Gobollada iyo meelahaasuu aaday baan u malaynayaa. Jilib baa shaqo degdeg ah loogu diray!” Jilibeey laguma dego. May Injineer kale dalbato. May shaqadeeda dib u dhigato, maxay ku degdegaysaa? Ma dibindaabyadayda iyo dumista aayahayga!

— 5 —

Iyadoo sidii qof duumo hayso u hagoogan bay soo gashay bersaddii gabdhuhu ku sugayeen. Hal mar bay sacab iyo mashxarad la soo boodeen. Dhawaaq farxadeed bay kala hor tageen, iyagoo kaftan iyo ciyaar la sacbinaya, ee ku qaylinaya, “Weey, arooska! Arooska! Arooska!” Ina eeddadeed Shariifo oo u buuq yarayd, ergadana iyadu hoggaaminaysay ayaa tiri, “Waryaa maxaa jira inteed ka baxday isla wareeg yahay, ad beriga waaba na noojisaye?”

Iyadoon afkeeda u furin bay hore uga gudubtay. Qayladoodii baa madaxii wareersanaa sii danqisay. Arooska ay kula kaftamayaan bay ku xajiimootay. Farxaddoodaa dhibaysa. Waayo, waxa farxadda ka keenay bay og tahay. Waa waxa iyada murugada ku beeray. Muruqa laba suulle, ninba si ku ah! “Maxaa? Wajigaada see camal? Wax faraxsan ma u ekide?” mid baa ku tuurtay.

“Qaf arooskeeda loo darban yahay, iidana tiirayso, maa la soo arkay?” mid kalaa ka daba tiri.

Mid saddexaad baa intay isku hallays garbaha gacanta uga saartay, cod macaan ku tiri, “In run ka tahay maa mudaysiin, iswareys lee waaye. Qalbigay ka faraxsan tahay. Soo bax, soo bax! Saacaddaan dadka waa na dhararsadeene!” Intay gabadhii kaftamaysay gacanteedii iska dalfisay bay sariir isku tuurtay.

Shariifo oo dareen galay baa intay soo kor fariisatay, qosolkii iyo kaftankiina joojisay, si qabow u tiri, “Maana, maxaa ku daaray abbaay? Ma jirran tahay?”

“Waa jirranahaye i dhaafa, asxaan ii suubbiya!” Waa eraygii u horreeyey ee Maana ka soo baxay. Beenteed ma aha. Nafsad ahaan bay u jirran tahay. Jirrada nafsadduna way ka culus tahay tan jirka.

“Yareey a na daahine soo bax aan ku dhahay, iswarays badnaa iida?” Mid fudfudud baa tiri, Shariifase hadalkaas uma bogin. Waxay ogaatay arrintu sida ay moodayaan in ay ka khatarsan tahay. Sidaa darteed, Maana waa in la sabaaliyaa, si ay ugu guuleystaan hawshii loo soo xil saaray.

“Maana! Soo joogso-hee macaaneey!” Shariifaa codsi qabow ku celisay, “Arooskii waa la darbay. Wax kasta diyaar waaye. Meel-fadhiisintaada minankaaynii aa loo darbay. Unukana hadda xaalkaan meehaasaa nugula sugaa.”

“Abaay an aroos ma u jeedee warkoo kale ma ii heesiin?” Maanaa cod kii hore ka nool si adag ugu soo halgaadday.

Siddeed indhood oo iimaan xumo soo gashay baa amankaag isku eegay. Midiba midda kalay aamusnaan ku su’aalaysay.

“Maxaa jiraa?” mid baa hadashay, intay Maana-Faay is-dul taagtay. “Igaarkaas waa fiican yahay walaalkaada waaye, quruxlow waaye. Iihi. Meel ma la’o. Jiis ma aho. Ishoo ma la’o. Wax kale ma khabo maxaad ku diideey hadda waayee?”

“Run waaye wallaahi igaarkaas boqor waaye,” mid kalaa u marag furtay.

“Haddiis fiican yahay,” Maanaa ku jawaabtay, “Iyo haddiis quruxloow yahay, idinkaas nii yahay. An wax ma iga gelin. Ma aroosaayo, mana i soo galo. Haddiid aroosaysiin idinkaba gabdho waa tihiin, ee haddii Muslin tihiin, nigula soomo, nigula salaado warkaan mar dambe ha igu soo nakhina. Ammaan aa niiga helo!”

Mar labaad baa la is-eegay, garbahana la nuuxiyey. Waa astaan quusasho.

“Naga keena! Maana bakaar aan unuku ogeyn aa u duugan. Wixii jira Ilaahaa oge; unuka hortiiba adeeg lee aheen, dadkii nasoo diray aan u sheegaynaa. Adeeg ma cabsado ninkiisaa cabsada.” Sidaasay go’aansadeen, ugana dareereen, iyagoo sidii Maana addimada jiidaya, astaantii fashalkuna indhahooda ka muuqato. Boondheere farxaddii ay la soo galeen kalama bixin. Qosolkii badnaa iyo qayladii raynraynta ee ay saaka ku soo jid mareen waxaa beddelay su’aalo yaabban iyo muran jaho-wareersan. Waxay sii asaraartamaanba ugu dambeyntii waxay isku raaceen in ay guriga reer Xaaji Muumin balleeyaan, warbixintoodana geeyaan.

Markay gidaarkiisa la soo laabteen baa waxaa ka hor yimid Aweys oo degdegsan. Fudfudayd farxaddu ka keentay buu la ordayaa. “Haye, waa geeseen maahoo?” buu hadal uga bilaabay markuu indhaha qac kusiiyey. Intay aamuseen bay midiba mid fiirisay, sidii iyagoo isku riixaya u sheeg iyo adigu u sheeg. Mid waliba waxay ku dhici la’ayd in ay farxadda Aweys wajigiisa ka muuqata iyadu toogato.

Aamuskoodii iyo farax la’aantoodii buu ka shakiyey. Markaasuu yiri, isagoo qudhiisa wax iska beddeleen, “Maxaa idin daaray? Maxaa la hadli weesan tihiin?”

Shariifaa la wada eegay; markaasay jawaabtay, ee tiri, “Jaalle wax aan geenay iyo wax soo socda midna ma leh. Qaftii waa na soo diidday. ‘Aroos ma u socdo, igaarkaasna ma i soo galo,’ ay na soo dhahday.”

“Iyaah? Maxaa waaye waxaa ku hadlaysid?” Aweys baa isagoon is-ogeyn la soo booday. Warkii kharaaraa baa wadnaha ka abbaaray, miyirkiisana wax u dhimay; markaasuu gabadhii sheegtay ku xanaaqay. Xanaaq ama ha xanaaqin. Wallee xaqiiqa qallafsan baa ku hortaal! Gabdhihii buu su’aalo aan badankooda loo baahnayn ku wareeriyey. Mid walba dhowr iyo toban jeer buu ka hadliyey. Wixii ay la kulmeen oo tifaftiran bay u meeriyeen. Wixii lagu wada hadlay oo dhan bay xaraf xaraf u xafidsiiyeen, siday ugu celcelinaayeen, ee midiba mid u kabaysay.

Ugu dambaystii wuxuu amar adag ku siiyey in ay guriga fariistaan, isaga uun ka war sugaan, ilaa uu soo noqdana afkooda xirtaan, ee arrinta sir ka dhigaan. Wuxuu og yahay haddii warkaasi reer Aw-Mukhtaar gaaro, in talo fara ka baxayso, dhimbisha cirka u duushaana carrada wada gubayso.

Aweys filan-waagii buu la argagaxay. Arrinta culayskeedii buu la turunturrooday, tallaabadii uu qaadi lahaana ka wareertay. Boqollaal go’aan oo is-wada jiiraya ayuu daqiiqad gudaheed ku gaaray, kuna dumiyey. Marba talaa isu caddaysa, haddana dib kala soo xumaata. Mar wuxuu is-yiri Maana-Faay ku orod, gar iyo gardarro, geeri iyo nololba ku keen! Haddana wuxuu is-yiri, Malaha aabbaa kugu dhaama, intaan warku bixin ka gaar, kana xilsaar. Mar waxaa ku soo dhacday, Ishaartu waa xun tahaye, adigu is-dabbar. Intaan warkaan la ogaan inantaadii la dhuumo. Inta ay meel-fadhiisinta ku jirto ka faa’iidayso, waa meel laga fakin karee! Misana wuxuu is-yiri, Waa intaasoo xaalku hagaagaaye waxba ha is- biimayn.

Talo waxay marba meel iska tustaba, tii u horreysay buu ku adkaystay! Intuu tagsi ingeej ah boobay buu Boondheere afka u saaray. Isagoon dheg la qabto lahayn buu walaashii, oo sariirtii ergadii hore uga soo tagtay weli jiifta is dul-taagay. “Waryaa Maana,” buu hadal dhimbilo ka faniinayaan uga bilaabay, “Maxaa waaye waxa aa ku kaceesid! Maxaa inta ka suubihee-saa? Soo bax waa lagu sugaayaaye!”

Maana uma jawaabin, mana jalleecin. Hadalkiisa uun bay aqoontay in uu Aweys yahay. Markaasayba jirro hor leh ka qaadday. Dareenka ay ka qabtay baa wuxuu ahaa in uu yahay ninka dabinkaba ku riday ee daraaddii loo sadaqaynayo, si uu Jiija ku helo. Aweys iyo Iikar maanta isuma dhaamaan. Kan horaabay sii neceb tahay. Araggiisa iyo agtaagnaantiisaaba dhibaysa. Eraygii afkiisa ka soo baxaaba, holac iyo xajiin buu ku kicinayaa. Isaguna in ay wax ka maqasho warkiisana qaadatuu quuddarraynayaa. Waxaa ugu dambeysay iyagoo walaalo is-jecel ah, warkiisa tixgelisa, wuxuu waydiistana ka aqbasha. Kama hor cadda Maana-Faay baad gacmo maran kala noqonaysaa. Yaa u sheega inaan Maana Maanadeedii ahayn, xaalkuna xaalkii ahayn?

Kor iyo hoosba waa ula hadlay. Kulayl iyo qabowba waa ku tijaabiyey. Handadaad iyo hanuunis midna uma yaraysan. Xitaa waa u dan sheegtay, markii damboo ay u soo dabci wayday. Walaalnimadoodii buu ku beer-laxowsaday. Wanaaggii ka dhexeeyey buu xasuusiyey. Qalbigiisuu u fayday. Wuxuu u sheegay in uu Jiija jecel yahay, hadday iyadu Iikar diiddana isaga Jiija loo diidayo. Sidaa awgeed, wuxuu yiri, “Adina ha is-ceebayn, saan ma kuu fiicnee, anina gabartaas waa jeclahay, madaxaaga yaan ku gafin.”

“Adiga dantaa lee ka fekereysaa,” bay ugu jawaabtay, “Tayda ma ka fekeraysid. Gabartaas haddii jeceshay, ad iska aroos, an maxaa iga rabtaa? Haddii madaxayga kugu diiddo, hortiiba ma ku rabin.”

Markuu ka quustay buu ku handaday in khasab wiilkaas loogu darayo. Wuxuu ku fakaray inuu khasab tagsiga ku saaro. Laakiinse intuusan ku tallaabsan baa waxaa yimid seeddigiis Ciise-Dheere. Imaatinkiisa mar wuu ka naxay, marna wuu ku farxay. Wuxuu uga naxay khasbiddii oo aan seeddigi hortiisa uga suurta geli karin. Wuxuuse ku farxay hididdiilo ka gashay in uu la maslaxo ka dibna intay dumaashigeed ka xishooto, walaalkeed raacdo.

Ciise-Dheere, markii Aweys arrintii u sheegay buu maslixiddii Maana wax ka galay. Wuxuu iska dhigaayey sidii nin xog-mooge ah oo xaalku u cusub yahay. Wixii xalay gurigiisa ka dhacay iyo waxa uu Axmed Jaamac iyo Maana-Faay dhexdooda ka og yahayba wuu is moogaysiinayey. Wuxuu Maana ku celceliyey in ay walaalkeed raacdo, waalidkeed taladiisana u hoggaansanaato.

Waanadaasi waxay noqotay war malaggi galay, Maana mowqifkeedii waxba kama beddelin. Aweys guuldarradiisii buu la gaddoomay. Isagoo yaabban buu aabbihi u wargeeyey. Xaajigu markiisuu booday. Xanaaq buu maradiisa ka batay. In gabadhiisu ku gacan sayri kartuu garaysan waayey. Caradii buu gurigii Leyla iskula soo gaddiyey, isagoo dhaaranaya.

— 6 —

Maana way iska garanaysay, qofka markaan ku soo maqan in uu aabbaheed noqon doono. Waxa uu sameyn doonana way qiyaasaysay. Wiish hor leh baa ku yeeray. Waxa dhici doonay ka argagaxday. Dambi iyo eed un baad kororsatay, mana baxsanaysid laba goorraba, bay is-tiri. Diidmadeedii bay ka shallayday. Gabdhaha iyo wiilkaba markay diidaysay iyo wixii ay kula hadlaysay midna kama ahayn go’aan ay hore u gaartay. Walaacii hayey iyo caradii ay ku kaakiciyeen uun baa ka keentay. Dareenkeeda nafsaaniga ah uun bay ka tarjumaysay. Laakiinse uma caddeyn tallaabada ay qaadi doonto iyo waxa ka dambeyn doona. Go’aan cad oo ay gaarto waxaa ugu dambeeyey kii ay ku goosatay in ay Axmed Jaamac raadiso, xilkana ku wareejiso. Sidii ay u soo weyday, ergooyinkaan uun bay la kulantay, maskaxdeeduna talo cusub ma haleelin.

Haddase xaalku waa xun yahay. Arrintu intii hore way ka sii kharaaraatay. Xaajigii oo xanaaqsan baa imaan doona. Bal maxay samaysaa? Ma is-dhiibtaa? Ma is-qarisaa? Ma is-waashaa? Ma isa sii adkaysaa, xoogba ha lagu muquuniyee?

Murugo meel ku gayn maysee, maskaxda dhalaali! Maxaad yeeli doontaa? Talo way ka murugtay. Cid ay miciinsatoo wax ku biirisay u baahatay. Leylay tawday! Haddii Leyla joogi lahayd! Oo maad raadisid? Talaa qalow ku soo tiri. Gurigaan ka bax, Leyla Isbitaalka ugu tag! Lana soo tasho!

Intay dumaashigeed iska fiirisay bay irridka fur-dug ka tiri, sidii maxbuus jeel ka baxsaday. Jidkii u toosnaa ma marine, kor bay ka wareegtay. Tubta toosan waxay uga weecanaysay cabsi ay ka qabtey in ergo kaloo ciddii ka timid ka hor timaaddo. Talada Leyla ku biirin doontay ka sii fekertay. Intaysan fogaan bay wax soo gocatay. Leyla sow tii tiri, “Haddii Axmed maanta kula dhuuman waayo, waalidkaaga taladiisa iska raac.” Haddii Axmed la waayey, “Waalidka raac,” lee dheheesaa. Walaac bay waddada isla dhex taagtay. Kaalay aaway saaxiibtaa Sahra Yuusuf? Maxaad iyada ugu qayla geysan wayday? Maxaadse hadda ka hor la xasuusan wayday? Markay ku soo dhacday bay yare faraxday. Way isla yaabtay waxa ay ilaa shalay la xasuusan wayday. Mashaakilkii badnaa baa maskaxdeeda hafiyey.

Guri ay tiqiin oo taleefon leh bay ku leexatay. Markay shan lambar wareejisay bay sammaacaddii ka dhex maqashay, “Halow?”

“Dugsiga Dhagaxtuur maahoo?”

“Haah walaal.”

“Aboowe waxaan rabey yartoo macallimad eh, Sahra Yuusuf la dhahaayo.”

“Wax yar sug, waa laguugu yeerayaaye.”

Wixii yaraa ka dib bay maqashay cod ay si fiican u taqaan oo leh, “Halow?”

“Sahra!”

“Weey! Maana-Faay miyaa? Naa naga tag wax lala hadlo ma tihide! Naayaa maxaad iigu goysay? Beryahaan dhan inteed ka baxday? Halow? Maana! Maxaa dhacay, waryaa? Haay! Waa oynaysaa miyaa? Maxay tahay fiiqfiiqdu! Maxaa kugu dhacay abaaye? Alla anigaayeey! Gabadhii maxaa helay? Maana! Ila hadal nooh, maxaa ku helay macaaneey?”

“Sahra! Iihi. A-b-a-a-y-e-e-y. Cawadaay. Ihii…”

“Ii sheeg nooh, cawada maxaa jira, bisinkee?”

“Waa la nikaaxaa!”

“Nikaax aa? Nabigiyo Quraanka! Heedhe nikaaxuna muxuu yahay, maanta in aadan fayoobayn shaki iigama jiree?”

“Iii. Alla iga aamuseey! Ihii!”

“Maana! Ila hadal, see wax u jiraan?”

“Iii… Iihi.”

“Ba’ayeey! Yartii amar baa ku dhacay! Maana! Xaggee hadda joogtaa? Meesha aad joogto lee ii sheeg, anaa kuu imaanayee.”

Si dhib leh bay ugu sheegtay meesha ay joogto, iyadoo taleefoonkii sii dhigaysa, intay hayn kari wayday. Sahra halkii ay taagnayd bay orod ka soo bilowday, iyadoon taleefoonkii si fiican isu saarin, Maamulaheediina ka soo fasax qaadan. Tagsi meel taagnaa bay intay sidii wax waalan isugu tuurtay wadihii ku tiri, “Walaalow Boondheere degdeg iiga gaarsii!”

Lama ahayn inuu jiro war uga xun oo ay maqli lahayd, “Maana-Faay nin aan Axmed Jaamac ahayn baa guursaday.” Is-weydiino fara badan baa maskaxdeeda ku soo buuqay. Tan ugu weyni waxay ahayd ninka Maana caawa loo nikaaxinayaa waxa uu yahay iyo dariishadda uu ka soo dusay. Intii xaalkaan degdegga ahi soo baxay, iyada iyo Maana isma arkin. Ka horna tan dambe lama socodsiin in ina adeerkeed la siiyey. Waxay ka baqaysay inay Axmed uga warsheekooto, arrintuna xumaato.

Shan daqiiqo ka dib bay soo kor joogsatay tii kaloo weli sidii u ooyaysa. Muuqaalkii Sahra ayaa oohintii uurkeeda ku xabbisnayd oodda ka rogay. Awel way ka soo bixi la’ayd sidii qof khatar kadis ah ku argagaxay.

Sahra markii saaxiibteed arrintii war buuxa ka siisay bay intay gacanta qabatay ku tiri, “Ina kici!”

“Intee aadaynaa?”

“Soo bax anaa kuu sheegi doonee, hadda war badan looma baahnee!” Intay tiri bay tagsigii ku ridatay. Keligeed baa go’aan degdeg ah gaartay. Mar haddii Axmed maqan yahay, arrinna halkaas marayso, waa in ay iyadu xilka dhabarka u ridataa, ka dib wixii dhacaayaba ha ka dhaceen.

Intay gurigeedii gaysay bay korka uga xirtay. Taleefoon bay qabsatay. Leylay isbitaalkii ka wacday. Inkastoo ay aqoon u leedahay, Maanana u sheegtay in ay la safan tahay, haddana kalsooni buuxda kuma qabin, maxaa yeelay, arrintu waa sir culus oon qofna sahal lagula socodsiin karin. Leylana gacan bay baahan tahay. Salaan guud iyo kor-wareeg bay ku bilowday.

“Bal qoftii Maana ahayd ka warran,” bay tiri. Leyla way ku faraxday la soo xiriiridda Sahra iyo la soo hadal qaadiddeeda Maana. Qudheeda arrintu kaar weyn bay ku haysay. Waxay ka walwalsanayd waxa Axmed samayn doono. Inuu jecel yahay way la socotay, mowqifka uu guurka ka qabose fikrad kama haysan. Inuu maqan yahay oo Maana soo weydeyna weli kama war hayso.

Leyla wixii jirey bay Sahra uga xog warrantay, si ay iyaduna fikrad uga siiso mowqifka walaalkeed taagan yahay iyo waxa uu yeeli doono. Waxay uga naxsatay in wiilkii maqan yahay. Haddana waxay ugu laab-qaboojisay inuu beryahaanba Maana guurkeeda ku hadaaqayey, haddii laga carqaladeeyana uu nafta ag dhigi doono.

Labadii gabdhood talay is-weydiiyeen, Sahra markay Leyla calool ogaatay bay shaaca uga qaadday in ay Maana gurigeeda ku qarisay. Waxay u caddaysay inay walaalkeed iyadu ka wakiil tahay, ballanna qaadayso inay wax waliba hagaagi doonaan. Leylana waxay ballanqaadday in ay sirtaas xajin doonto, wixii Maana farxaddeedu ku jirtana ku garab taagan tahay. Isla markiina waxay go’aansatay in ay ciddii degdeg ugu tagto intaan guriga loogu imaan. Waxay rabtay in ay iska dhigto sidii qof xog-mooge ah, oo u haysata in Maana cidda soo aadday. Waxay ka cararaysay in lagu tuhmo in ay iyadu Abuukar diidmadiisa Maana ku dhiirri gelisay.

Intay qadadii boobsiisay bay bixid u labbisatay. Iyadoon wali soo bixin buu aabbaheed ku qabtay. Aad bay u naxday, sidii qof tuugo lagu qabtay. Jarteedii ka kala dhantaalantay bay ka xumaatay. Markii aabbaheed Maana-Faay waydiiyey, warkii ay beenta ku qurxin rabtay, wuu ka kala dhumay. Si kastaba ha noqotee, way u sheegtay qasdigeedii ahaa in ayan Maana guriga ku soo gaarin, una haysato in ay cidda soo aadday. Xaajigii riwaayaddaas kama rumaysane, caradii uu la soo wirwiray buu kula dhacay. Canaanteeduu garka u geliyey, “Dulmiga dhan adiga waaye. In aa caasi tihid, iidna caasi tahay waa nii ogaaday. Dulmiyaad raalli isugu tihiin, laakiin, waa arki doontiin wixii ka dhaca! U sheeg daanyeertaas; mukhribkaan haddii minankey ka waayo, ma i soo gasho, mar dambana foolkeyga ma soo joogsan karto. Horlee suuqeeda ha u gasho. Qaftii hallaaweyso ma la kasi waayo!”

— 7 —

Xanaaqii uu Boondheera kala rogmaday buu Xamar Weyne kala dhacay. Mise kaba daran! Xaafaddii oo dhammiba waa gabagabo iyo colaad aan daba la qabto lahayn. Intii uu maqnaa baa ammuuri dhacday. Gabdhihii ergada ahaa baa adduun qasay. Waa dumar iyo war jecliye, arrintii in ay qariyaan la isku ogaa bay oodda ka qaadeen. Afartoodii baa afarta jaho u kala faafiyey. Qoftay arkaanba ku taabtay. Tii ay ku taabataaba tu kalay ku sii taabatay. Wax guriba guri u sii gudbiyaba, gurigii reer Aw-Mukhtaar baa warkii dalaq yiri Iikar baa farta laga saaray, xogtii oo la sii buunbuuniyey, la sii kharaareeyey si kajan iyo jees-jees ku jirana loogu jeediyey. Haddee yaa haya wiilkii ‘biidka’ ahaa, ee la yiri, “Gabadhii aad isu dhisaysay way ku nacday!” Xanaaq buu furka tuuray. Cirkii iyo dhulkiiba ka yaraadeen.

“Allow ba’ay!” buu la soo booday, “An maaba naag yaanyow la ii tuutuugaa, oo sharafteyda lagu baabi’ihaa? Waxaa dhan adoogeeyaa ii keenay. Bes waaya aniga waa is-duugaa.”

Xanaaqa Iikar waxba ma ahayn marka la arko hooyadii Aay-Soonto. Bambadii fidmadu waxay dhab ahaan u qaraxday markii warku Aay-Soonto gaaray. Intay cirkaa u boodday bay marada dhegta qabsatay, afkana furatay. Maana-Faay oo maqan bay miiska kawaanka dhigatay. Cadba mar bay goosatay, “Haah! Tii xumayd maaba saas keentay! Maxay is-mudday fool-daanyeertaas oo guur weysay. Igaarkeyga leeba loo tuutuugaayey maahine hortiiba yaa rabey cajuustaas? Asxaankii loo galay maaba saan keentay, guumeysta oo meel kasta laga soo nacay. Ku fac miyaa igaarkeyga? Haddii iida naag ka soo hartana ma aroosaayo igaarkeyga. Iidlee maa loo gudey! Meekha gabar aa Iikar ka daba ooyooheeysa? Xamar gabartiis rabaas ka soo baxsahaa.”

Dacas iyo garbasaar iyadoon midna qaadan bay bannaanka u kudday; iyadoo weli sidii u daldalmaysa, keligeedna isla buuqaysa, ee marna Maana-Faay cay u miisaysa, marna Jiija u dhaaranaysa. Waxay isku sii daysay gurigii walaasheed ee subaxnimadii gabadheeda meel-fadhiisinta loo geeyey. Iyadoo xammaysan bay ka dul dhacday gabdhihii oo farxad la kala ordaya, rikoor u daaran la heesaya, badankoodu ku hawllan cillaansaaridda Jiija oo dhexda u fadhida, sidii boqorad ciidankeedii iyo la taliyayaasheedii ka dhex sheekaynaysa!

Aay-Soonto sidii Malakul-mowdkii bay mar qura ka dul dhacday boqortooyadii ciidaysay. Hablihii faraxsanaa bay dhex jiirtay. Intay mar qura hadalkii gooyeen bay indhaha kor ula raaceen haweeneyda dhiillaysan, ee sharku indhaheeda iyo afkeedaba ka fanfaniinayo. Waxay gabdhihii sii jibaaxdo, ee mid ay garbiso iyo mid ay ku joogsato ka dhigtaba meeshii Jiija fadhiday markay gaartay bay intay qalabkii cillaanka laad ku dhufatay, markii shayba meel u faniinay, gabadheedii si qallafsan gacanta u qabsatay, amar degdeg ahna ku siisay in ay sara kacdo, horena u raacdo. Iyadoo sidii tuug la qabtay u hoggaaminaysa ayey irridka kala baxday. Hablihii heeganka ahaa af-dhalaalaa ka soo haray. Ammankaaggii bay iyagoo cayrnimo, caro iyo calool xumo la aamusan indhaha taag-taagayeen, sidii geel-jire hashiisii u dhalaysey ee uu baarka u salaaxayey libaax ka dafay; hadduu ka daba ordo, ama ka daba hadlana ka cabsanaya inuu isaga qudhiisa ku soo jeesto, naftiisana u qoonsado.

Aay-Soonto wixii ay ku hadashay iyo wixii ay ku kacdayba, dumarkii Xaafadda wuxuu u noqday war cusub oo aan kii hore ka xiise yarayn. Kaba kulul, kana khatarsan. Si dhakhsa badan buu warkaasina markiisa u tarmay. Isagoo xawaaraynayuu Xaafadda sii dhex xulay. Sidii dab kayn caws badan qabsaday baa aqalba aqal u gudbiyey. Wax la sii wad-wadaba Aay-Caddeey oo aqalkeedii dhex fadhidaa lagu dhibciyey. Dhowr naagood, oo sidii abaalmarin lagu siinayo mid waliba yaan lagaaga hormarin lahayd, baa mar qura ku wada kulmay.

Haddee ma war baa ka dambeeyey? Maxaad ka sugaysaa hooyo lagu guubaabiyey, habar facaaga ah baa gabadhaadii fagaare ku cayday, wiilkaagiina furatay! Goor ay kacday, goor ay jaranjartii dheerayd ka soo booddey iyo meel ay soo martay midna ma is-ogayne, iyadoon dheg la qabto lahayn bay Soontoo jikadeedii ka dhex guryamaysa, ka dul dhacday. I bixiyow i bixi! Waa la isula kala baxay. Aay-Caddeey codkeedu wuu ka soo horreeyey. Soontoo markay gabadheedii guriga gashatay, hawsheedii ku sii jeesatay baa ku war heshay albaab turriisho la’aan looga qab siiyey iyo erayo rasaas ahaan isaga soo daba dhacaya, oo irridka ka soo leh, “Hooy! Ad maa gaartey inaad gabarteyda afkaada ku soo taagtid? Hortiiba iida maa nii rabtay, waa laguu tuutuugaayey maahine? Igaarka abtigeeda ay u joogtay, ee mar dambe alcaan-yahay gabarteyda afkaada a ku soo bi’in! Igaar maashiyaad khabtay, hortiiba laamaleeyshaas ahaaye, seegseeggaas oo cawo sagaal saac soo hoyahaaya! Kaas maa hortiiba gabarteyda istaahilay?”

Ma war baa yaal! Maxaad ka filaysaa Aay-Soontoo intii hore intaas loogu daray. Afarta addin iyo afkaba isku mar bay la baxday. Waa la isu fara baxsaday. Af iyo addin wax la isula haray ma jirin. Waase la kala dhex galay, lana kala canaantay. Aay-Caddeey waxaa si gaar ah loogu eedeeyey weerarka ay ku soo qaadday guriga islaameed, oo weliba ah gurigii dumaashigeed. Markii hore miyir ma lahayne, markii sama-jeclihii goob-joogga ahaa u caqli celiyeen bay is-garatay. Markii dumaashigeed la garansiiyey, bay intay isku yaxyaxday dib u laabatay, iyadoo dumar fara badani galbinayaan, qaar kalena Soonto celcelinayaan.

Aay-Caddeey dagaalkii gurigeeday kula noqotay. Maalintaas dhawr bakeeri way iska jabisay. Dhawr jeerna Cumareey bay dambi la’aan dharbaaxyaysay. Caradii ay aabbihi iyo ciddooda oo dhan u qabtay bay yarka kula dhacday. Isagu ma garanayn amarka dhacay waxa uu yahay. Wuxuuse dareemay in aan maanta xaalku fiicnayn. Markaasuu hadalkii iyo ciyaartiiba yaraystay, oohintii iyo cabashadiina badsaday. Intuu marba hooyadi tafta qabsado ama lugaha isaga maro, ayuu ku cabanaayey “Maamaa!” Sidii isagoo ka codsanaya in ay farxaddeedii soo ceshato, isagana ka farxiso. Kamase yeelayne, waxay ugu jawaabaysey, “Shib iga dheh aan ku dhahay, idinkaaba nii nacee! Uslee af-xaartaas afka ii geliyey. Maahine dhibkaas maa beriga ii imaan lahaay! Shalay-maantaan markii aan dhahaayey af-xaartaas afkeeda ha i gelin, wixii ka cabsahaayey tan waaye. Mar lee a yimaado. Siin yeelaayo anaa kasaayee!”

Duqeedii oo maqan bay u naqsanaysaa. Iyadoo weli hiifaysuu u soo galay. Wuxuu toos uga yimid gurigii Leyla oo uu Maana ka soo waayey. Xanaaqii uu la soo galay mid ka kulul bay ka hor geysay. Kiisii i qarsuuba noqday. Maana iyo Leylaba intuu iska illaaway buu Aay-Caddeey iyo amarka haya ka cawdibillaystay. Intuu dajiyey buu sida wax u jiraan ka waraystay. Markay u xog-warrantay buu madaxa gacmaha saaray. Walaalki Aw-Mukhtaar buu ku orday si dabka holcaya loo bakhtiiyo. Wixii la badbaadin karana loo daba qabto. Goorteed! Ma wax fayow oo la badbaadin karaa haray! Dhaladii jabtay, weesadiina qubatay. Aw-Mukhtaarkii oo geesa leh baa ka hor yimid. Markii dumarku dagaallamayeen isagu ma joogin. Beledka dhexdiisaa warku ugu tagay. Markaasuu guriga soo aaday. Wuxuu la kulmay gabadhii uu meel-fadhiisinta ku ogaa oo guriga joogta iyo hooyadeed oo cartamaysa, sidii bad kacday. Carruurtii iyo dadkii kaloo goob joogga ahaa ayaa uga warramay wixii dhacay. Hal mar baa dhiiggu karay, dhulkuna la wareegay. Ma uu garan dareenka ku soo dhacay naxdin, xanaaq, uur-xumo iyo amankaag waxa uu ahaa! Isaga iyo xaaskiisii bay ka tafatay. Fidmadii ay bilowday buu ku canaantay. Iyaduna wixii ay karkaraysay bay ku hurguftay. Go’aankii guurka carruurta ee uu walaalkii hore ula gaaray bay ku haaraantay. In uu wiilkooda Iikar sharaf-jab u soo jiitay bay ku eedeysay. Iyadaa isla jid leh. Qof walba qummanihiisaa qoorta ugu jira! Goor ay labadii is-qabtay kala yar aamuseen, Aw-Mukhtaar meeshii laga saraana dhiig lahayn, ee uu guriga dhexdiisa jees-jeesanayo, wuxuu sameeyana garan la’ yahay, ayaa Xaaji Muumin oo xiimayaa u soo galay. Araggiisii buu uur-gubyo ka sii qaaday. Warkii naagtiisu uga balo sheegtay buu isagoon wax hubsan eed kulul ugu qaaday! “Adduunyo lee waaye, in maanta amarkaan na khabsado,” ayuu cod uurka ka reemaya hadal uga bilaabay, isagoo la moodo in uu keligi isla hadlayo.

Intuu in yar u nastay buu haddana sii watay, isagoo weli hoos u jeeda, hoosna u hadlaya, “In adigoo joogtid beriga naagtaada nagu soo duusho oo dagaal iyo rabsho nagu sameeso. Hortiiba waa ogaa in aa tihid Daacatu-Nisaa!” Intuu codkii kululeeyey, korna u qaaday buu raaciyey, “Haddii kale gabartaada ma ku dhici laheen in ay diiddo igaarkii aa siisay, naagtaadana ma ku dhici leheen in ay maalin-caddeey dulmi iyo dagaal minankeyga ugu soo labbisato. Meesha waxaa ii cad adiga naftirkaada in aa raalli ugu tihid.”

Xaaji Muumin uurkiisii gubanayey bay erayadaas kharaari sii holciyeen. Waxay ugu biireen arrimihii hore u dhibayey. Ciilkii uu Maana-Faay u qabay. Caradii dagaalka dumarku ku kiciyey. Calool-xumadii fashalka soo socdaa ku hayey. Intaas oo dhan isagoo hore u qabay, ayuu walaalkiis erayadaas qallafsan ku qaabbilay, eed uusan lahaynna dhabarka u saray. Muxuu sidaas ugula hadlayaa? Goormuu raalli ka noqday in Maana-Faay Iikar diiddo iyo in Aay-Caddeey dagaal soo qaaddo?

Sidee maanta loogu eedayn karaa in uu yahay Daacatu-Nisaa, nin naagihiisu ka adag yihiin? Wixii uu dadaal sameynayey, abaalkiisii ma sidaan buu noqday? Waa maxay waxa uu ku hadlayo Aw-Mukhtaar! Marka uu Caddeey duullaankeeda buunbuuninayo, xaggee buu ku hilmaamay naagtiisii iyadu caytanka bilowday, gabadheediina soo ceshatay?

Intaas oo dhan baa muddo aan saddex il-biriqsi ka badnayn Xaaji Muumin maskaxdiisa ku soo dhacday. Markaasuu ku sigtay in uu qarxo, ee eray qumbulad ah ku jawaabo, dibna isaga laabto. Haddana xargo adag buu isku qabtay. Weli wuxuu ka rajo qabay in arrinta la daba qaban karo, ee mashruucii isu-guurinta ilmaha la badbaadin karo. Khaladaadkii dhacayna la sixi karo, wax kasta ha ku kacdee. Sidiisana waxaa caado u ahayd in uu Aw-Mukhtaar xushmeeyo, kana dambeeyo. Maxaa yeelay, waa walaalkiis ka weyn, qoyskana oday u ah.

Sidaa awgeed, ayuu ciilkiisii iyo canaantii gardarrada ahaydba iska liqay. Wuxuu isku dhibay in uu dareenkiisa daboolo, jawaab deggenna celiyo, si uu walaalkiis u qaboojiyo, ka dibna daawo loo gaaro.

Xaaji Muumin erayo macaan buu hadalkiisii ku bilaabay. Canaan uu og yahay inuusan lahayn buu iska qaatay. Wuxuu ballanqaaday khaladaadkii dhacay inuu isagu degdeg u sixi doono. Walaalkiisna wuxuu ka codsaday in uu dhankiisa arrinta ka daaweeyo, fidmadii dumarku huriyeenna qaboojiyo, si mashruuci la isku ogaa halkiisii uga socdo.

Taas Alla ma aqbalin. Aw-Mukhtaar kama hoos qaadin. Caradii haysay baa caqligiisa indha-tirtay. Erayadiisii eedeynta iyo canaanta ahaa buu ku sii tiiqsaday, ilaa uu Xaaji Muuminna markiisa sara kacay. Kulaylkii walaalkii ka soo burqanayey baa dulqaadkiisii buux-dhaafshay. Markaasuu isna dhankii qaylo iyo eedeyn kala kacay.

Xaalkii middi middi ku-taag buu isu rogay. Dabkii bensiin hor leh baa ku daatay. Holacii waa sii fiday. Dhul fayoobaa buu qabsaday. Waxay gaartay in la isugu hanjabo, “Noo kala sooc sarihii iyo dukaammadii naga dhaxeeyey, ee adoogay laga dhaxlay.”

Maalintaasi qoyskaas waxay u ahayd maalin baas. 13kii Mowliidow lagu eed! Kala fogaa ciiddii lagu qorsheeyey iyo cawaaqib xumada ay la timid! Xaafadi maalinta gelinkeedii hore farxadda iyo damaashaadka isugu gurmanaysay, waa taas gelinkii dambe gabida hoos u wada rogatay! Aaway dadkii saaka farxadda la soo kallahaye qosolka iyo raynraynta ku wada quraacday! Waa kuwaas wada qulbay, qalbigu madoobaaday, qofba jaho u jeestay, qaar dhafoorrada haystaan, qaarna farta dhexda ka qaniinayaan!

Qof kaleba ha joogee, Jiija waxay la noqotay in qabri ku dumay. Qayaame ka weyn oo ku dhici lahaa in uu jiro lama ahayn. Qulub iyo caloolyow bay carrabka dhexda ka qaniintay. Qosol been ahna dadka eegmada ku dhibaya, ilkaha u caddaysay, si aan loo oran, “Nin-raadis bay la caraysan tahay!” Waa ciqaabka ugu weyn ee ay ku jirto. Calool xumada haysoo ayan muujin karin baa cudur hor leh ku noqotay.

Tabar iyo talo midna ma hayso. Aayaheedu gacanta uguma jiro. Dhaqan gaboobay bay addoonsi ugu jirtaa. Oohinta haysa inay sii dayso xataa xor uma aha. Iyadoo uurka ka ooyaysa ayay ku khasban tahay in ay qosol been ah ilkaha caddayso!

Aweyska ay u ooyayso qudhiisu maalintaas kama uur-ku-taallo yara. Waase ka adkaysi iyo itaal roon yahay. Amarka dhacay isagaba dhaawac halis ah ayuu u gaystay. Hase yeeshee, sida Jiija lama ahayn darbi aan la dhaafi karin. Calaf aan laga doodi karin. Ma oggolayn in uu is-dhiibo, mana garanayn wax uu sameeyo. Filan-waagii bay la noqotay in maskaxdiisa fuqba meel u jabay, fikradihii ku soo dhici lahaana faniinba meel u duulay!

Intuu xaafaddii ka qaxay buu qar xeebta ku yaal hoos fariistay. Dhagax soo fiiqan buu ku dhacadiidsaday. Faruurtuu dhexda ka qaniinay. Fikradihiisii kala firdhaday buu biyaha badda ka dul haab-haabtay. Hadba meel bay wax iska tusaan. Wax waliba ku soo dhace. Go’aanna gaari kari waa. Waxay uga badan tahay in uu Jiija la dhuunto, kaddib meel kasta ha kala dhacdee. Dhibaatooyin sidii uu uga gudbi lahaa la adag tahayna way u muuqdaan.

Xubinta 9aad

— 1 —

Fatuurad cad oo kala jiidan ayaa soo hor fariisatay sar gaaban oo guduudan, korkana jiingad gambis ah ka hagoogan. Nin xoog weyn oo fatuuradda dhex fadhiyay ayaa intuu saddex jeer saliidda cagta ku cadaadiyey, matoorka kaga cabaadiyey. Waa baaq ay isla yaqaanniin isaga iyo qof gudaha ku jirtay. Waa siduu rabaye codkii baa gudaha u gudbay.

Waxaa maqashay Beyddan Shabeel oo hor fadhiday, shaqo iyo sheeko wixii ay u baahdaanna ka haqab tiraysay, laba nin oo qolka labadiisa gees laba joodari iyo dhawr barkimood ku kala dangiiga, laba gabdhood oo dhawaan qaan-gaarayna midba tiisa afarta addin dhexdooda ku haysto, sidii hooyo iyo ilmaheed, afkana qaad ugu gurayso, marka uusan isagu ammuuro kale ku hawlin!

Muusikada baxaysa, marqaanka lagu dhex jiro iyo buuqa la isku maaweelinayo, ma ahayn mid wax laga maqli karo, xitaa haddii daaradda bambooyin ka qarxaan. Hase yeeshee, Beyddan Shabeel horay bay labadeeda dhegood ugu carbisay in ay midina ku jeesato martida u fadhida, midda kalena martida cusub ee soo degeysa dhaqdhaqaaqooda dibedda kala socoto. Looma baahna in ay is-arkaan labada martiyood, ama is-ogaadaanba! Yartii u adeegaysay oo bannaanka ka shanqaraysa ayay amar siisay, “Naa fiiri baabuurkaas!”

In yar kaddib bay Faaduma-Yarey warbixintii u keentay. Iyada iyo guntiinadeedaba waxaa ka muuqda diiftii iyo daalkii ay ku rideen hawlaha adag ee is-daba joogga ah ee ay Bayddan martideeda ku farax gelinayso, si gacmahoodu jeebabka ugu dhiirradaan, “Naa dhakhso qolkaas soo gogol! Keer soo nadiifi! Shaah kale soo kari! Khum-khum soo shid! Kooka-Koolla iyo sigaar soo gad! Biyo soo aroor! Suuliga biyo gee! Macawiisaha iyo dhiinsoolayaasha dhaq, waa kuwii caawa lagu fariisan lahaayee!” Amarradaas fulintooda ayaa gabbalku ugu dhacaa, waaguna ugu baryaa. Kala fogaa fahma-darrada Faadumo-Yareey ka muuqata iyo sida ay u shaqaynayso. Waa agoon 13 jir ah ee aabbaheed beer yar degmada Afgooye ku lahaa. Markuu dhintayna iyada iyo afar walaalaheed ah oo ka sii yaryar, Xamar u soo dalaabeen. Dilka, af-xumada iyo shaqada naxariis la’aanta ah waxay ugu dul-qaadataa si ay kuwii ka yaryaraa rooti ugu geyso. Badanaa inta jeer ay habeen-barkii ula gudday hambada shaaha iyo cashada ay ka kacaan martida marqaansan ee Bayddan. Markii soo daadi la yiraahday dambiil ku aruursataa, si ay walaalaheed noloshooda ugu badbaadiso!

Intay si miskiinnimo ah irridka isu soo taagtay bay tiri, “Waa ninkii buurraa oo baabuurka dheer wadan jirey.”

Bayddan sidaas kuma garan karto, immisaa nin buuran habeen kasta baabuur dheer soo hor dhigata! Intay yartii indhaha ku caddaysay bay tiri, “Heedhe ninka buurani waa kuma?”

“Kii oo habeenkii dhaweyd Seynab la fadhiyey.”

Saynab baa intay garatay ninkii ay qaadka afka ugu guraysay afartiisa addin ka dhex qaylisay, “Naa waxay sheegaysaa odaygii Jaamac-Dhegay!”

Bayddan halhaleel bay bannaanka ugu boodday. Ma Jaamac-Dhegay baa nin laysku ladi karo ah? Waa ragga ay ku dhaadato! Waxay ka xumayd inaanay habeenkaas fariisin karin, oo gurigii hortiis la buuxiyey. Inuu ka xumaadana way ka welwel qabtaa. Tolow maxay ku raalli gelin doontaa? Iyadoo baabuurka daaqaddiisii uu ka furay hal lug sii gashanaysa ayey tiri, “Waar Jaamac! Ma adigii baa? Ii warran, beryahaan waa i nacdoo lagu waaye! Caawa meel xun baad iiga timid, kuwo baas oo aan iska dhaqaajin kari waayey baa gurigii fadhiya. Ii dhiib sigaar!”

Baakad sigaar ah iyo tarraq hortiisa yiil buu soo haabtay. Intuu baakadkii daboolka ka rogay ee xabbadihii safnaa mid soo dhaweeyey buu u taagay. Markay la baxday buu intuu tarraqii hal xabbo ka shiday dhankeeda isula qalloocshay. Intuusan gaarsiin buu madaxeeda shishadiisa wuxuu ka arkay gabar bilicsan oo gudbaysa. Waa Maana-Faay oo ka soo laabatay gurigii Sahra Yuusuf ee ay ilaa shalay ku dhuumanaysay. Waxay u socotaa gurigii walaasheed Leyla.

Intuu gabadhii hiyi-raacay, ayuu dabkii gacantiisa ku illaaway, ilaa uu kulaylkii dareemay tarraqiina tuuray. Intay daymo duluc leh ku eegtay bay tiri, “Ma ku gashay, inaad baxday waa ku arkaaye?”

“Gelid keliya maahee way iga dhex dustay! Inta aad caga-booreyda iyo low-galaaska nagula wareegaysid, bal car qoftaas oo kale keen!”

“Waar waad caytamaysaaye waad og tahay in aanan caga-boorey keenin. Tan qudheeduna meel igama jirto, hadday dahab kula tahay. Caawadaas la joogaan hore kaaga dari karaa, laakiin, ma istaahishid.”

Intuu kursigii kor uga booday oo kulligii dhankeeda u jeestay buu xammaasad filan-waa ku yiri, “Ilaah baan kugu dhaarshaye ma taqaan?”

Intay xabbaddii sigaarka ahayd afka ka bixisay, ee cuntub qiiq ah hawada ku dartay bay tiri, iyadoo qab-weyni la madaxtaagaysa, sidii ay ceel batrool ah ku fadhido, “Weli Bayddan barashaa kuugu dhimman. Ma taqaan, ma taqaan? Kam shufnaa maraakiib macaa-dallaa huuri! Middaan iska daaye meeqaa ii qarsoon xuural-ciin dhayla ah oo haddaad dhammaanteed dhunjisana aadan ku marganayn! Maxaad fali lahayd haddaan ku tusi lahaa dad aan ogahay!”

“Dadkaas kale oo dhan iska haysoo, tan uun mar qura ma i soo hor fariisin kartaa?”

“War i maqal, Maana meel kaama jirtee, Bayddan gacanteeday kuugu jirtaaye, waxaan ku iri…” bay tiri, sidii qof arrintaasi la fududdahay ee wax ka muhiimsan soo wadda. Haddana intay jimicsatay bay tiri, “Heedhe bal casho ii dir, caawa gaajo xun baa i haysee. Naa kaalay casho ii soo gad! Meeday tii gabar ahayd?”

Way og tahay inaan gabari maqlayn. Cashana dirsan maysee ujeeddo kaley leedahay, ninka ay gaadaysaana wuu la garanayaa. Waayo-aragnimadeeda ayaa bartay gol-jilicda ragga laga soo galo iyo sida marka uu godlan yahay looga gaarsiiyo. Intuu jeebka gacanta u diray buu waraaqo lacageed oo mad-madow ka soo bixiyey, isagoo leh, “Maxaa tiri, Muuna miyey ahayd? Bal iigu soo celi magaceedii.”

“Maana-Faay, faceeda-ka-roon!”

“Ma ciddooday la joogtaa mise waa fiidmeer? Hoo cashada u dirsoo,” ayuu yiri isagoo laba warqadood oo min boqol shilin ah u soo taagaya, uurkana ka leh, Intaani waa carbuuntii ee qabso, cunaha dig lagu yiriye! Casho in aadan baahi u qabin waan is-ognahaye!

“Jaalle qoftaani qof cayaar-cayaar gasha ma aha,” Bayddan oo markay lacagta aragtay codkeedii dhadhan macaan iyo firfircooni ku dheehday baa sidaas tiri, “Waa gabar yar oo gurigooda ku asturan, macdanteediina ku duugan tahay. Waa bitamiinkaas miiddu da’ayso! Qof waxyaalaha aad la maaggan tahay loo quuri karo ma aha, immisa nin baa ka daba dhareeraya, ee aan ka diiday inaan u fududeeyo, adiga uun baan ku qaadi waayey oo Jaamac igu noqday mooyee!”

“Allaa-yacisag! Aniga dhan adaa i leh!” buu si raxmad leh ugu yiri, isagoo gacaltooyo aan laabta jirin, garbaha gacan ka saaraya.

“Bayddan Shabeel dhanka ay kaa jirto dhaxani kaa soo geli mayso,” bay ku dhigatay, “Adigase waan ku aqaanoo marka aad dan leedahay uun baad isu kay bihin-bihisaa.”

“Inta aan noolahay agtaada iga day, baan ku iri! La’aantaa abaar!” buu ku beer laxawsaday, haddana intuu codkii adkeeyey u raaciyey, “Hadda goormaad qoftaas igu allifaysaa?”

“Barnaamijkaaga Jimcaha qorshaha ku darso.”

“Waa hagaag, inkastoo Jimcuhu igu fog yahay.”

“Maxaad ku ordaysaa, Jimcaha afar beri uun baa kaa xigtee?”

“Warkaagaa jira, laakiin, Jimcaha waa la hubaa inaan Muuna helayo sow ma aha?”

“Maana Jimcaha gacantaaday ku jirtaa. Igu hallee aniga! Qorshe kale ma geli kartid!”

“Bal fikrad iga sii dabinka aad u dhigi doontid, si aan wax uga sii ogaado.”

“Ka bax baddaas! Anigey i jirtaa waddada aan u maraayo. Adigu gabar diyaar ah baad iga taqaan.”

“Warkaagaa jira. Saacadda aan is-keenayo uun ii sheeg.”

“Anigaa Khamiista kuu imaanaya, haddii lacalla wax lagaaga soo baahdo; haddii kalena kolley qorshaha iyo saacaddaan kula socodsiin doonaa.”

“Waa hagaag. Nabadgelyo.”

“Nooli kulante!”

— 2 —

Maana-Faay waxay ku dhex jirtaa toddobaadkii ugu adkaa taariikhda nolosheeda. Guriga walaasheed Leyla ayey karantiil ahaan u joogtaa. Waa gurigii ay hawo-gaddiska u soo aadi jirtay markay ku cabburto gurigooda jawigiisa. Hadda isagii baa ka hor yimid. Leyladii maaweelin jirtay maalmahaan way ku kacsan tahay. Waxay ku eedaynaysaa in ay u soo jiidday caro waalidkeed u qaado. Xaafaddii oo dhan waxaa gashay, Leyla Maana waxay la rabtaa ninkeeda saaxiibkiis.

Ciise-Dheere marka uu guriga joogo aad buu ugu dadaalaa in uu dumaashidi maaweeliyo, niyaddana u dhiso. Sida Maana ayuu qudhiisu maalin walba ku fekeraa, Tolow Axmadkii muxuu ku maqan yahay, muu naga soo dhakhsado! Maana yididdiilada qura ee ay nolosha ka qabto waa soo noqoshada Axmed iyo tallaabada uu ku badbaadin doono aayaheeda. Ciise iyo Sahraba waxay mar kasta ugu laab qaboojiyaan, in uu soo dhow yahay, isla maalinta uu soo galana qaadi doono tallaabo farax gelisa. Maalintii dhawr jeer bay shaqadiisa iyo gurigoodaba taleefoon u dirtaa. “Axmed ma imaaday?” bay ku waalatay. “Weli ma imaan,” baa lagu wadna gooyey. Shantii beri ee uu maqnaa shan bilood bay kala badatay. Lama tirin karo inta jeer ay gurigiisa cidlada ah ka soo daclisay.

Marka Ciise guriga ka maqan yahay, sida badan Sahra Yuusuf bay u maaweelo doonataa. Sahrada qudheeda welwel iyo walbahaar kuma yarayn. Xil culus bay dareemaysay. Taar iyo telefoonba walaalkeed jawaab way uga wayday. Mar bay damacday in ay gabadha Jilib uga daba geyso, halkaasna lagu soo mehriyo. Haddana way la habboonaan weyday in ay arrintaas keligeed ku tala baxdo. Waxay ku fekertay in ay abtigeed arrinta la socodsiiso. Haddana way ka hakatay. Yaa og waxa ka imaan doona, waayeelku si kalay u fekeraane! Waxay ka baqday in ay bad gasho!

In isagii la sugo wax dhaama ma leh, wixii uu maqnaadaba waa maalmo yare, intaasna gabadha sii maaweeli, ayey talo dhaafsiin weyday.

Iyada iyo Maana maalin joogto ayey isu arki jireen. Galabtaas Sahra waxay soo aadday gurigii walaasheed Leyla. Maanay doonaysay. Iyaduna intii ay jidka ku sii jirtay bay gurigeedii u daba martay. Maana markay Sahra guriga ka wayday baa wax cululubteen. Goor ay soo leexatay iyo meel ay soo martay midna ma garanayne waxay is-aragtay iyadoo gurigii Axmed ag-taagan. Irridkiisii oo furan ayey isheedu ‘qac’ ku tiri. Dareen silloon baa qabandhaco kadis ah korkeeda ku yaaciyey, xaaddeedana dhaqaajiyey. Ma naxdin baa? Ma farxad baa? Ma labadoo is-huwan baa? Ma garanayso. Keliya waxay garanaysay in daqiiqaddaas qalbigeedu lahaa, Alla waa yimid macaanahaygii! Bishaaro badanaa!

Iyadoo xammaysan bay albaabkii garaacid la’aan jiirtay. Irridkii bay ‘dalaq’ tiri. Indhihii hilowga gaamuray iyo hammuunta jacaylku hawadinaysay baa sariirtii huruudda ahayd durbadiiba ku hagoogtay qac. Nin ku dangiigay baa farxad hore ula soo booday. Qofkii sii xammaysnayd naxdin bay dib ula boodday, “Aaa!” intay tiri, sidii bahal dad-cun ahi ku soo booday.

Ninkii oo wajigiisa farxaddii degdegga ku soo gashay degdeg uga tirantay, ayaa intuu markiisa dib u hakaday, cod aan yaab ka saan-la’ayn ku yiri, “Haye Maana? Sow adiga argagaxay! Maxaa kugu dhacay?”

In yar bay ka aammusnayd, markii ay neef ceshatoyna, cod niyad-jabsan hoos ugu jawaabtay, “Waxna!”

Kulmiye intuu sare kacay ayuu gabadhii albaabka xaggiisa cucubnayd gacanta soo qabtay, si naxariis lehna ugu yiri, isagoo kursi u tilmaamaya, “Soo fariiso abaaye! Mininku minankaagii lee waaye! Kow, ka warran caafimaadka?”

Maalintii Axmed baxayey, ayuu Kulmiye weydiistay in uu guriga furihiisa u sii hayo. “Waan kuu sii ilaalinayaa, habeen-habeenkii aan u baahdana waan ka faa’iideysanayaa,” buu ku yiri. Laakiin ujeeddadiisa weyni taas ma ahayn. Waxay ahayd tan galabtaas farxadda ka keentay. Waxaa ku soo dhacday in uu Maana ku gaado. Wuu iska garanayey in ay kolleyba marmar soo kormeeri doonto, bal in Axmed yimid iyo in kale. Wuxuu is-yiri, Hadda uun baad fursad u haysataa in aad ka faa’iideysatid gabadhii quruxda badnayd, qalbigana jilicsanayd.

Muddadii Axmed maqnaa maalintii u horreysay iyo tii xigtay midna Maana guriga ma soo aadin. Maalmihii dambe oo dhanna, isaga qudhiisaaba bad kale ku jirey, xaafaddaana u kansho hayn.

Muddooyinkaan dambe, Kulmiye aad buu u soo darsaday. Wuxuu caadaystay in uu beryo badan oo isku xiga khamri iyo sakhrad isugu bixiyo. Inta uu caadiga yahay waxaa ka badan inta uu sakhraansan yahay. Waqtigii uu shaqo tagi lahaa ama waxyaalo kaloo dani ugu jirto ku gudan lahaa aad buu u yaraaday. Kharashkiisii xad-dhaaf buu noqday. Waqtigii uu dakhli ku soo saari lahaana sidaasuu ku dhumiyey.

Taasi waxay aad u xumaysey xiriirkii ka dhexeeyey dhinac isaga iyo Hay’adda uu ka shaqeeyo; dhanka kalena isaga iyo qoyskiisa. Markii labada qolaba waayaan, ee midiba mid weydiiso, ayaa marka dambe laga soo helaa isagoo meelo xun dhacdhacaya ama hurda. Xagga shaqada digniin badan, ganaax badan iyo hoos-u-dhac badan intaba wuu kala kulmay. Rukhso uun baa u hartay, iyadana ma kala jecla. Xagga qoyska xiriirkii oo idil waa laga goostay. Waa qoys ladan oo lacagta uu gubayo badankeeda uu iyaga ka heli jirey. Ugu dambayntiise aabbihii markuu ka quustay wuxuu ku yiri, “Maandhow bannaanka iga mar, carruurta ha iga fidmayne!”

Beryahaan dambe dhibaatooyin culus baa ka soo food saaray xagga dhaqaalaha. Saaxiibbadiisii ay baddaas ku wada jireen markii uu kaalintiisii gabay, ayay badankoodu ka daysteen kharashkii ay ka bixin jireen. Aad buu u xayraansan yahay. Wax walba wuu ku kacsan yahay, xataa nafsaddiisa. In badan buu ku tashadaa in uu is daba qabto, ee dabeecadihiisa baddelo. Haddana mar walba wuu ku guulaysan kari waayaa. Waalidki caasi kuma ahee aad buu u jecel yahay, laakiin waxaa ku adkaata fulinta waxa ay la jecel yihiin. Ilaa hadda waa ka xishoodaa in uu aabbihii sigaarka ku hor cabbo, wax ka weynna iskaba daa. Wanaagga lagula taliyo aad buu ugu riyaaqaa, khaladaadkiisa u garaystaa, waanada u qaataa, in uu ku camal fali doono u ballan-qaadaa. Haddana markii fulinta la gaaruu dhexda ka barriiqdaa, isagoo baddii dhex muquufayuu is-arkaa.

Khamriga iyo dumarka ayuu is yiraahdaa isku ilowsii dhibaatada. Markaasuu noqdaa ninkii holaca ku dhex jirey, oo bensiinka biyaha moodaye is yiri ku qabooji!

Maana-Faay ayuu galabtaas ku tashaday in uu isku ‘qaboojiyo!’ Aad buu ugu farxay, markii ay u soo gashay. Daacadnimo is-tustus ah buu ku soo dhaweeyey. Qalbi-furnaan xad-dhaaf ah buu u muujiyey. Kaftan iyo maad buu ku hafiyey. Saskii markii ay u soo gashay ku dhacay raadkiisii buu ka tirtiray.

Wallaahi yarkaan dumaashi boqor eh waaye! bay niyadda ka lahayd, iyadoo kaftankiisa u qoslaysa. Asaguna hoostuu uga mindiyo lisanayey, faan been ah ku asqaysiinayey. Tartiib-tartiib buu sheekada majaraheedii meeshii uu rabey ugu leexiyey. Tabtii baase ka xumaatay.

Markii ay ‘Axmed’ marar badan soo hadal qaadday, ayuu is yiri, Ninkaan ay ku wardinayso ka sii yara jeedi.

“Axmed wax akhbaar ah ma ka heshay?” iyo “Goormuu imaanayaa?” bay dhawr jeer ku celcelisay. Maadaama uu ogaa in uu kadis ku baxay, iyadana war gelin, waxaa ku soo dhacday in uu gol-dalooladaas ka faa’iidaysto.

“Markii uu baxayey kollayba wuu kula socodsiiyey sow ma aha?” ayuu ogaal-waydiiyey.

“Maya,” Maanaa daacadnimo ugu jawaabtay.

“See ku dhici kartaa?” Kulmiyaa la soo booday.

“Waxaa la dhahayey kadis aas ku baxay,” Maanaa wiilkeedii ku difaacday.

“Ma-kee?” Kulmiyaa ka hor keenay, “Toddobaad ka hor baabu annaga noo sheegay in uu Jilib u bixi doonee.”

“Wallaahi?” Maanoo dabinkii ku dhacday baa la soo boodday.

“Si xun buu yeelay saaxiibkay,” Kulmiyaa sii watay, “Markuu yimaadana waan ku canaanan doonaa arrintaas.”

“Ad Setamaan ka hor aas kuu sheegay miyaa?”

“Haah, waliba intuusan ii sheegin baan maqlaayey habeen isagoo Mulki u sheegaya, markaasaan waydiiyey oo waxaan…”

“Yaah, yaah?” Maanaa markay magaca dhaddig maqashay, intay is celin wayday hadalkii ka dhex gashay, “Mulkina yaa waaye?”

“Gabadha saaxiibtiis ah nooh! Mulki sow ma taqaanid, yartii hadda markaad soo galaysey iridka ka sii baxaysey?”

“Wax irid ka sii baxaaya ma arkin,” Maanaa si xanaaq ah u tiri.

Intuu koomadiinka gacan-togaaleeyey, oo sawir uu maanta galiyey ka soo saaray buu yiri, “Mulki waa is-taqaanniine, waa tan nooh!” Intay sawirkii si qallafsan uga dhifsatay, in yar ka dibna tuurtay, bay wajiga jilbaha gashatay.

Kulmiye hoostuu ka qoslay, isagoo sawirkii dhulka ka haabanaa, halkiisiina ku celinaya.

Saasaa la rabaa! buu uurka ka yiri; afkana su’aal been ah ku kajamay, ee yiri, isagoo iska dhigaaya sidii nin aan qarracanka ay la muusoonayso weli dareemin, “Waa is taqaanniin sow ma aha?”

Markay u jawaabi weyday buu sidii nin markaas in ay ooyayso gartay, intuu ku soo dhawaaday, wajigeeda kor u toosiyey, isagoo leh, “Maxaa dhacay Maana? Waa maxay sidaani? Ashidanti! Khalad weyn baan sameeyey. Looma baahnayn in aan kuu sheego. Kuumana sheegeen haddaan moodayo in aadan la socon. Isagaa i yiri gabdhuhu waa is ogyihiin, raalli bayna isaga yihiin in Mulki gabadhayda kowaad tahay, Maanana tan labaad. Waan ka xumahay sirta iga fakatay, laakiin waxaasi micna ma leh, iska illow abaaye. Waad og tahay dhallinyarada hadda joogta in uusan jirin qof hal saaxiib ku kooban, gabar iyo wiilba. Adiguba kolley ugu yaraan hal ama laba wiil oo kale waad leedahay. Haddii aadan lahaynna waa kuu nacasnimo. Ama carruur baad tahay, oo weli waqtigaadan la socon.”

Kulmiye halkaasuu ka sii amba qaaday hadal dheer oo biyo dhiciisu ahaa in uu si aan af-ku-ballaaris ahayn ugu shukaamiyo in ay isaga xiriir la yeelato; isagoo ka dhaadhicinaya in uu ilaa muddo dheerba jeclaa, saaxiibkiisna ku xaq dhowrayey. “Haddase,” ayuu ku andacooday, “Jacaylkaygii wuxuu soo gaaray heer uusan oggolayn in qofna lagu xaq dhawro. Jacaylku cid walba isagaa ka xaq leh.”

Maana intii horoo dhan hadalkiisa uma dhugmo lahayn. Waxa uu sheegayana, waa maqlaysay uun mooyee badi ma fahmayn. Qarracankii masayrku ku riday bay la qalbi fuqsanayd. Dhulka iyo cirkaa la wareegay. Meel ay joogtana ma garanayn. Gabadhiisa kowaad waa Mulki aa? “Axmed waa dhintay,” mooyee war ay maqashoo uga naxdin badan ma jiri karo.

Markii dambayse ku baraarugtay hadalkii Kulmiye, in uu shukaansanayana dareentay. Laba daraadle waxaa dhiillo galiyey sida uu marba marka ka dambaysa ugu soo dhawaanayo, eegmada lulaysan ee uu isha u dabayo iyo gacan-togaalayska uu durba ku bilaabay.

Sidii qof hurdo ka soo toostay bay madaxa kor u qaadday. Indhaha wajiga ka saartay. Tin iyo cirib u eegtay, sidii iyadoo leh, War horta kumaad tahay? Miyaadan ahayn kii ay wiilkayga saaxiibka ahaayeen? Wuxuu la yeeshay muuqaal ka fool xun sidii uu markii hore ula ekaa. Wuxuu la noqday qof hor leh oo aan ahayn kii ay galabtoo dhan la qoslaysey, ee is lahayd, Dumaashi boqor ah waaye, iyadoo moodaysey in uu dumaashinimo u soo dhawaynayo. Waxyaalihii uu u sheegayoo dhan bay maskaxdeeda dib ugu shaandhaysay.

Intay istaagtay bay tiri, iyadoo sii dhaqaaqaysa, eegmo yasid ahna dib ugu haraatinaysa, “Abboo iga raalli ahaw; gabdhaha aa i moodey camal ma ihi. An naftirkay waa kugu sirmay. Haddiin saan kuu mudaayo, galabta dheerba ma kula soo fariisa leheen. Haddana jaaw!”

Siyaalo kala duwan buu isugu dayey inuu celiyo, ujeeddadiisiina ka gaaro. Hase yeeshee kuma guulaysan. Waxaa sii maja xaabiyey dad guriga hortiisa fadhiyey oo uu ka baqay in ay ceebtiisa ka markhaanti noqdaan.

— 3 —

Daqiiqado intii ay ahaayeen uusan garanayn, kollaybase aan toban ka badnayn markii ay ka sii maqnayd, jacdii ay ku reebtay raadkeediina wali wajigiisu la qamiirsan yahay, ayuu iridka shishadiisa ka maqlay saan rag oo xaggiisa u soo tallaabsanaysa. Indhihii uu hore u taagayba waxaa ka hor yimid nin shandad sita oo soo galay.

“Weey Axmed! Soo noqosho wanaagsan!” buu ka hor geeyey. Niyad kama ahayne wuxuu isku dayayey in uu ku raad gato.

Farta iyo meesha bugtaa is oge, Axmed isagoon wali dhar baddalashadii dhammaysan, ayuu hore ka waydiiyey, “Gabadhii war ma ka haysaa?”

Kulmiye waa isku yare naxay. Su’aashaasi waxay la noqotay, “Wixii aad gabadhayda ku samaysay maxaa kugu kallifay?”

“Gabadhaadii baa?” Kulmiyaa ku ararti dheeraystay, isagoo saaxiibkii wajiga ka dadbaya, sidii uu ka cabsanayo in uu niyaddiisa daalacdo.

“Gabadhaadii waan arkay.”

“Haye? Haddaas waajibaadkaagii waad gudataye. Bal iiga warran saaxiibow?” Axmed baa si xiisa leh ula soo hiyi kacay.

“Warramiddaas maad iga daysid!” Kulmiyaa ugu jawaabay.

“Maxaa dhacay?” Axmed baa dareensaday.

“In aad iga daysaan jeclahay, adna kuu rooro,” Kulmiyaa ku andacooday.

Axmed oo wajigiisa astaan dhiillo ku sawirantay, ayaa intuu kursigii soo dhawaystay si adag u yiri, “Waxba ha i meermeerine, ii sheeg sida wax u jiraan!”

“Maya saaxiib, waxba ma jiraan,” buu ugu warceliyey, isagoo dhiillada uu ku tallaalay is moogaysiinaya.

Maadaama uu garanayey warka uu sheegi doono inuu yahay mid Axmed kicin doona, isagana sheegistiisu ku habboonayn, ayuu rabay in uu ka dhigo wax khasab looga keenay. Wuxuu is yiri qoftii aad fara xumaysay, kollayba way kaaga dacwoon doontaaye, intayan ceebtaada sheegin, ceeb u samee, wixii ay kaa sheegtana ha loo qaato dad xinifi dhex martay oo is masabidi kara.

Markii Axmed si kulul ugu adkeeyey in uu warka shaaca ka qaado, ayuu si dabacsan u yiri, “Ma habboona in dadka loo kala war sheekoodo, hase yeeshee saaxiibkay baad tahoo waxba kuuma qarin karee, calaa kulli xaal, qoftii habeen dhawayd baan meel aan wanaagsanayn isku aragnay. Run ahaan la yaab bay igu noqotay gabar yar oo ardayad ah in ay meelahaas oo kale joogto. Ama ay la socoto dad kharriban oo waxyaalo fool xun samaynaya. Labadayada qofba qof buu ku naxay. Aniga way iigu jirtaye, intaan gacanta soo qabtay baan waano ku bilaabay. Cay iyo dagaal bay iigu jawaabtay. Kii watey oo si xun u cabsanaa baa ii soo fara baxsaday. Kala qabtaay, kala marshaay baa ka dhacday, kuwii kalana way iiga hiilliyeen. Saaxiibtiis baad ku diraysey baa la igu eedeeyey. Anna waxaan ku dooday in ay walaashay tahay, xaqna u leeyahay in aan xumaanta ka celiyo.

“Waxyaabihii dhacay ma sii wadwadi karee, qoftii dumaashiday ahayd habeenkaas waan kala dhimanay. Haddee anigu horaan kuu iri naagaha hadda jooga lama aamino. Mid kastoo malaa’ig isaga kaa dhigta, inta ay kaa maqan tahay sun bay kuu walaaqaysaa. Balaayey qasaysaa. Boqol nin bay hoosta ku wadataa!”

Axmed Jaamac af dhalaalaa ka soo haray. Madaxii baa cuslaaday. Dhiiggii baa hal-bowlayaasha ku karkaray. Ninka u warramaya aqoon fiican buu u leeyahay. Waa malaynayaa waxa uu u sheegayo in ayan run wada ahayn. Ama wax run ka ahiba jirin. Laakiin in yar oo run ka ah hadday ku jirto isaga walbahaar ugu filan.

Xataa hadduu boqolkiiba boqol been noqdo, maqalka uu dhegtiisa ku soo dhacay baa Axmed jirro ku ah. Haddaad ninkaan mar hore si buuxda xargaha ugu jari lahayd, dhibaatadani kuuma timaaddeen! buu uurka iska yiri.

Intuu walaaciisii sariirta iskula tuuray buu Kulmiye ka codsaday in uu u firaaqeeyo, si uu u nasto. Hurdo ku soo dhici mayne, markuu cabbaar galgashay buu intuu qubaystay Maana baadi goob ugu dhaqaaqay. Si aan yeelaba waa in aan caawa helaa! isagoo leh ayuu gurigii Sahra isku sii daayey. In uu Sahra u diro mooyee, meel kaloo uu u mari karaa ma jirto. Makhribkii buu Xamar Jabjab isa sii taagay. Mise Sahra gurigii way ka maqan tahay. Xaggee bay aadday baladu? Meel kastoo uu ku malaynayey wuu ka raadshey. Saddex saacadood buu marna gurigeeda ku soo noqonayey marna meeshii kaloo uu ku malayn karo isku sii daynayey. Saacad aan Xamar-Weyne la dhex geli karin, Maana-Faayna la haweysan karin markii la gaaray buu gurigiisii isaga noqday, isagoo Sahra Yuusuf haaraamaya.

Bal eega isla wareegtadaasi sida ay caawa qasacadaha iiga jabisay! Qoftii aan aawadeed u soo ordayey, ee si aan caawa u arko, raggii ila socday u diiday in aan caawa Marka isaga soo nasanno, waa tanoo, waxaan seexanayaa anigoon arag. Seexashana iima dhadhammaysee waa ii habeen madow!

War la’aaneey ba’. Baadiyi nin aan lahayn bay ag joogtaa! Maansha la yiri. Yaa u sheega Maana-Faay in ayan caawa sarihii Xamar Weyne ku oodnayn. Yaa gaarsiiya in ay iska dhex fadhido gurigii Ciise-Dheere, ee uu saacad kasta albaab daaye, dariishaddana ku garaaci karo. Intii uu Sahra baadi goobayey, mar bay ku soo dhacday in uu Leyla u tagee iyada kaalmaysto. Haddana wuu ka xishooday, waqti dambana way ku noqotay.

Habboonaan lahaydaa in uusan fikraddaas ka noqon. Cadow uusan ogayn oo isaga u bir tumanayey ayuu dhufayskiisa ugu geli lahaa. Booraan loo qodayey buu dumin lahaa. Bayddan Shabeel oo gabadhiisa dabin u dhigaysa ayuu guriga ku qaban lahaa. Wuxuu ka naxsan lahaa iyadoo kolay khayaamo la ag fadhida Leyla Xaaji Muumin oo gurigeeda jikadiisa gambar dhigatay. Kolayga waxaa ugu jira dhar beec ah ooy ugu marmarsooto guryaha baadidu ka gasho.

Bayddan waa qof bulshayad ah, hadal badan, qalana aqoon. Siiba qofkii ay dan ka leedahay waxay ula dhaqantaa sidii saaxiib ay is kaftan yaqaanniin, xitaa hadduu yahay qof ay markaas isugu horrayso. Iyada iyo Leyla isuma cusba, aqoon fiicanna isuma leh. Dhawr jeer oo beryahaan dambe ah ayay guriga timid, iyadoo ku marmarsoonaysa ganacsi iyo wax la mid ah. Leyla ugu horrayntii waxay Beyddan u aqoonsatay islaan gaddislay ah oo aad u qalbi furan, soo dhawaynna mudan.

Hase yeeshee dhawaan waxaa ku soo duulay warar madmadow ku jiro oo lagu xamanayo in ay ka mid tahay naagaha guryahoodii u rogay suuq ‘jacaylka’ lagu iibiyo, iyaguna dallaalka iyo canshuuraha ka gurta!

Beydan iyadoon cidna idan waydiisan, nabdaadintii martinnimadana iska hor marin, ayay intay si isku kalsooni ah gambar u soo jiidatay, ee Leyla soo ag dhigatay sheeko saaxiibtinnimo hore uga bilowday. Iyadoo kolaygeedii furfuranaysa, ayay tiri, “Ina Xaaji Muuminey, haddaad ogaan lahayd alaabta aan caawa kuu wado waad muraaqoon lahayd.”

Intay soo hiyi kacday bay tiri, “Haye eeddo, maxaa waaye?”

“Iska fiiri alaabtaan casar-legadka iyo isku soo haadka ah! Waa dhar cusub oo maanta ii soo dagay,” ayay tiri iyada oo u soo taagaysa laba guntiino oo kala nooc ah, uurkana iska leh, Naa waxaan waa la iiga daran yahaye, meeday naagtii Maana-Faay ahayd? Xaggee baad ku qarisay? Waxay filanaysay markay guriga soo gashayba in ay arkayso. Markay arki waydayna iimaan xumo weyn baa gashay. Waxay is tiri, Armayba gurigoodii u noqotay? Haddaysan caawa helinna qorshihii Jimcaha ee ay Jaamac-Dhagay ka ballan qaadday, waa wax kama jiraan, waayo berri waa Arbaca.

Intii ay Leyla dharka fiirfiirinaysay, Baydan waxay maskaxda ku sii aruursanaysey erayo aan laga shakiyi karin oo ay si dadban ugu waydiiso halka ay jirto Maana-Faay.

Hase yeeshee hawshaas waa laga soo furtay. Dhabarkeeda ayay ka maqashay Maana-Faay oo intay gudaha ka soo baxday walaasheed ku leh, “Abaay Leyla, cunuggii waa toosay.”

Abshir! Aleylehe waa tan! Waa haysaaye ha sii dayn! Intay jalleecday bay tiri, “Tanina ma yarteennii Maana-Faay baa? Eeddo. Ii warran. Naa heedhe adiga Leyla ah, gabadhaan il go’day oo besteed ah, maxaad u baanan wayday? Allow anaa magacay ba’ay! Waa carruur carruur la joogta! Naa gabadha waxaad yeelaysaa, bitimiin iyo waxaa jira waxyaalo nafaqo leh. Qaar anaaba haya oo berri u keeni doonee. Gabar nooli meesha iima joogtee; bal day indhaheedii meelay ka soo jeesteen! Kaalay eeddo halka ii soo fariiso!”

Maana-Faay intay soo luudday, bay soo ag fariisatay ‘deeqsiyaddii’ ka talinaysay ‘aayaheeda.’ Leylana intay hadalkeedii u bogtay, bay la sii doocdoocisey. Waayo waxaa kurbo weyn ku haysey qoftaan sii luufluufaysa iyo sida wax looga qaban karo. Intay sacabka garabka ka saartay bay tiri, “Eeddo iska dhaaf fekerka iyo isla hadalka. Ceeb weeye gabar yaroo iyadoo intaas la’eg fekeraysa. Adduunku waa laba beri labadaada beri ha iska khasaarin. Intaad dhallinyar tahay waqtigaaga farxad baa lagu dhammaystaa. Waligaa nin la isma raaciyo, lama aamino. Marka aad adigu israacinaysid, isagu wuu kugu nacayaa. Habeenkii dhawayd oo aad halkaan barooranaysey aad baan kaaga naxay, waxaa suurtowda markaad adigu sidaas yeelaysey in uu isagu naag kale la tumanayey. Adigu wali carruur baad tahay. Ninka tuubbaa la gashadaa, dantaadana laga wataa, laakiin marna la isma siiyo.”

Markay halkaas maraysey bay Maana-Faay ka ag kacday intay u adkaysan wayday erayadeeda. Dadka waxay u neceb tahay qofkii ku waaniya Axmed ha is raacin. Qofkii isaga wax ka sheegana waxaa ku soo dhacda intay ku soo booddo in ay carrabka ka qaniinto. Xataa hadduu yahay qof iyada daacad u ah, waxay u qaadataa in uu xaasidkeeda yahay, ee ka goynaayo gacaliyaheeda. Ama hadal xun bay ugu jawaabtaa, ama way ka ag kacdaa.

Baydan markay aragtay Maana-Faay jacaylkeedu in uu gaarsiisan yahay heer aan wiilkeeda lagu diri karin, ayay jartii degdeg u baddeshay. Intay gacanta soo qabatay bay tiri, “Kaalay eeddo, nimanka aan fiicnayn baan ka hadlayey, laakiinse Axmed waa inan aad u wanaagsan. Bal fiiri sida aad noqotay! Xataa xarragadii waad illowday beryahaan. Bal fiirso dharkaan. Waa ‘moodo’ aan weli ku soo gaarine.” Maana way ka maagtay. Ma xarrago, iyo dhar iibsi baa haya? Leyla oo rabtay in ay fekerka ka fududayso ayaa ku dhiirrigelisay ee tiri, “Fiirso Maana, haddii wax oo ku anfaco ku aragtid, anaa kuu iibihaaya.”

Bayddan intay fursaddaas ka faa’iidaysatay bay tiri, “Maana marada anfacaysa anigaa aqaan, oo hadday aragto ayan ka jeesanayn. Jidkay iiga soo dhammaatay. Waa la iga kala boobay. Waa maro aan qof arkay deyn karin.”

Maana intay hawo gashay bay tiri, “Hadda eber waaye miyaa?”

“Gurigay taal iyadoo dhowr jaad ah. Waxaa fiican in aad adigu ka soo xulatid tii dooqaagu jeclaysto. Lacagtana qiime yar baan idinku siinayaa! Gabadhaydii baad tahay, daawooyin lagu naaxo oo fekerkaan iyo waxaan kaa bi’inayana waan ku soo siin.”

“Minanka intee waaye?”

“Waa meeshaan dhow, isla Boondheerahaan. Buurkaan markaad ka dhaadhacdid, sarta duugga ah ee labada dabaq ah horteedana hadda la dhisaayo, sarta guduudan ee ku xigta waaye; iriddeeduna cagaarka tahay. Caawa meelo kalaan sii marayaa in aan ku daahiyana ma rabo. Habeen dambe hal saac baan ku sugayaa. Adigu marada soo sheel yarayso, kaddibna aniga iyo Leylaa qiimaha iska arki doonna. Waxba isla waayi maynno. Carruurtaydii baad tihiin. Sow sidaas inooma aha Leyla?”

“Waa yahay eeddo, mahadsanid.”

Beydan iyadoo faraxsan bay iridka ka baxday. Way isugu hambalyaynaysey guusha ay ka gaartay tallaabadeedii koowaad ee ay ku bilowday hawshii Jaamac-Dhegay u xilsaaray. Laakiin hawshu aad bay u culus tahay.

Waa nooca ugu adag hawlaha Baydan Shabeel. Gabar yar oo nin aad u jecel sidee loogu gacan gelin karaa nin kale! Inkastoo hawshu qallafsan tahay, haddana Beydan waxaa caawinaya khibradda dheer ee ay u leedahay arrimaha noocaas ah. Way taqaan jidka gaaban ee ‘guusha’ lagu gaari karo iyadoon waqti dhumin. Isku lug-goyn mayso xiriirka jacaylka oo si u dhisan in ay ninkii kale soo dhex geliso. Taas horay bay tijaabooyin badan uga soo martay, una socon wayday. Ugu horraynta waa in la kala gooyaa xarigga jacaylka. Waa in la isku diraa labada is jecel. Laakiin dhankee laga soo galaa?

Dhanka gabadha waa tii hollisay, kuna guuldarraysatay. Waa in ay wiilkii raadisaa. Waa in ay ka gaarsiisaa inta aan isaga iyo gabadhu kulmin, ee sirtu faraha bixin. Waqtigu waa ciriiri. Waa in ay berri subax ku kallahdaa. Odaygii qooqayna waa in ay isla berri-subax lacag badan ka qaaddaa. Inta ay mashruuciisa gacanta ku hayso, waa in ay ka faa’iidaysataa. Go’aankaas ayay Bayddan habeenkii Arbacada ku seexatay.

— 4 —

Jaamac Dhegay kursigii Xafiiskiisa ee haybadda lahaa buu dib ugu dhacadiidsaday. Dawan gacantiisa ku dhawaa buu suulka ku cadaadiyey. Dhawaaqiisii baa dibedda ka dananay. Gabar dhaga nugul oo qalin iyo Bolok Noot la ordaysaa u soo gashay. Waa Xog-hayntiisii oo dawanku soo diray. Intuu gees-gees u eegay buu si culus ugu yiri, “Dhageyso, saaka cidina yay ii soo gelin yaah! Shaqooyin baan qabsanayaa, ma garatay?”

“Waa yahay,” bay ugu jawaabtay, iyadoo sii gaddoomaysa.

Xisaabo ka murgay ayuu rabay in uu u helo firaaqo uu uga baaraan dego. Yartii markay laba tallaabo qaadday buu intuu wax gocday ku yiri, “Maqal, ma dad baa hadda i sugaya?”

“Haa, waa la dhooban yahay,” bay ugu jawaabtay intay dib u soo noqotay, sidii iyadoo dadkaas ilaa saaka u safnaa uga naxariis dalbaysa.

“Maxay yihiin waxa dhooban?”

“Waxaa waaye, Agaasimayaashii Waaxyaha qaarkood iyo…”

“Kuwaas shaqooyinkiinna iska wata dheh.”

“Iyo Isuduwayaashii Gobollada ka yimid.”

“Iyagana berri kaalayaa la idin yiri ku dheh.”

“Waxaa kaloo jooga kuwii shaqaalaha ahaa oo beryahaan oo dhan mushaarkooda u dacwoonayey.”

“Kuwaasi maxay aniga iga soo doonayaan, sow taan mar hore iri u taga qolyaha ku shaqada leh? Wax walba ma anigaa la iigu imaanayaa? Xafiiska buuqa ka qaadoo orda shaqaysta dheh, dadkaani iimaankay la’ yihiine.”

Waxay ku sigatay in ay tiraahdo, “Iimaanka ma la’a, xuquuqdoodii bay la’ yihiin. Maxay ku shaqaystaan, sidaad isugu tuurtuurayseen baa carruurtoodii dabkii ka damaye?” Ma iyadaase oran karta?

“Kow, wax dadweyne ahi ma joogaan?”

“Haah, dhawr qof baa joogta.”

“Yaa ka mid ah?”

“Islaan annagoo dhan na soo jiirtay oo lahayd khasab baan ugu galayaa baa ka mid ah.”

“Waa mid see u taal? Magaceeda ma kuu sheegtay?”

“Waa islaan buuran oo maalin dhawaydna kuu imaanaysey. Magaceeda Barni iyo Beydan wax ay ku sheegaysey ma aqaan.”

“Beydan Shabeel miyaa?”

“Haah, haah, saasay dhahaysey.”

“Soo daa, soo daa, iyada hawl baan u dirsanaynaaye. Dadka kalena sidii aan kuu sheegay yeel.”

“Okey!”

Beydan markay soo gashay buu intuu isa soo taagay, bartamaha xafiiska uga hor tagay, isagoo si farxad leh ugu tannaagoonaya, “Ahlan wa-sahlan! Ahlan wa-sahlan! Iska warran Xaajiya?” Salootadii marti-sharafta ayuu ku soo dhaweeyey lana fariistay.

“Saaka sidaan kuu sugaayey malayn kari maysid,” Jaamac baa erayadiisii af-gobaadsiga ahaa sii amba qaaday. “Booqashadaadu waxay ka marag furaysaa in aad tahay qof axdi leh.”

“Maxaa axdi ah, balaayaad qoorta noo gelisaye,” Beydan baa weerarkaas ku goof xaaratay, “Beryahan oo dhan hawl kale ma qabsan. Danahaygii oo dhan baad i seejisay, intaan dhoocishaadii ka daba shaqaynayey.”

“Ugu dambayntii guul baad ii waddaa sow ma aha?” Jaamac baa waydiiyey, uurkana uga raaciyey, Ujeeddadaada kale waan iska fahmayaaye!

“Taasi khasab weeyee,” Beyddan baa ku digatay, “Meel Beydan gashay guusheeda muran kama taagnee. Dhibaato waxay ka timid, naagtu wiil bay caashaqsan tahay. Ciyaalkaan caashaq iyo wax daran lagama waayee. Waxaan ku leeyahay indho iyo dhego kale ma leh, ilaa isaga laga sii jeediyo agteeda qori lagama jabsan karo.”

“Wiilku waa mid sidee ah? Ma kuwa ay ciyaalbiidka isla yihiin baa?” Jaamac oo masayr galay baa waydiiyey.

“Waa waxaas baasoo ay mindhaa meelaha isla yaacaane.”

“Caashaq iyo waxaasi wax jira ma ahee, iska shuqul ciyaal weeyee. Wiil ciyaal-suuq ahoo aan hanti lahayn muxuu u tarayaa! Markii lacag iyo barwaaqo la tuso, iyadaa dan u nacaysee.”

“Wallee kani mid ay nacayso ilama ahayn, khasab in lagu nacsiiyo ma ogiye!”

“Oo sidee haddaas lagu nacsiinayaa?”

“Taas aniga ii daayoo, adiga lacag iyo baabuur baa lagaa rabaa.”

Intuu jeebka gacanta geliyey buu yiri, “Lacag immisaa loo baahan yahay?”

“Keen saddex kun oo waxyaalaha ugu daran lagu difaaco, inta kale anaa ku darayee!”

Gacantii jeebka ku maqnayd buu soo celiyey, isagoo yaab indhaha la taagaya, uurkana ka leh, Dhuunta lagugu dheg! Saddex kun ku te! Ma Warshad bay ii dhisaysaa? Afkana wuxuu si qabow uga yiri, “Saddex kun oo dhan baa?”

“Adigana bakhaylnimadaan kugu nacay,” Beydan baa ku canaanatay. “Saddex kun ma lacag baa? Jaad baan goglayaa. Casuumad baan samaynayaa. Dad baan soo kiraynayaa, rag iyo dumarba leh. Alaab baan soo gadayaa. Haye saddex kun waxba ma tarayso. Ugu yaraan saddex kale waa in aan jeebkayga uga daraa!”

Jaamac Dhagey wuxuu caan ku yahay gacan adayg. Marka qura ee uusan lacagta u nixin waa marka uu barnaamij tumasho qabanqaabadi ku dhex jiro. Si aan barnaamijku uga kala dhantaalmin, wuxuu u huraa wax kasta. Jeebkii uu gacanta u dirayey waxaa ugu jirtey dhawr boqol oo shilin. Lacag kaloo uu leeyahay uma dhaweyn.

Intuu khasnajigii mashruuca u yeertay, ayuu ku yiri, “Kharashkii hab-maamuuska saddex kun oo shilin iiga soo bixi. Wadayaasha baabuurta yaryarna mid iigu yeer!”

Wadihii markuu u soo galay, ayuu ku amray, “Xaajiyaddaan la shaqee ilaa caawa. Bensiin fiicanna qaado!”

“Waa yahay taliye, shaqaalihii aan rawixin jireyna waxaan ka baqayaa in ay i sugaan. Waaxdii aan la shaqaynayey qudhooduna maanta hawlo badan bay sheeganayeen waxay igu…”

“War adigu muran badnidaa! Bad aan laguu dirsan hagaline, soco amarkaan ku siiyey fuli! Cid aan Xaajiyaddaas ahaynoo aad maanta ka amar qaadan kartaa ma jirto. Ciddii kaloo kula hadasha, Maareeyaha u taga dheh. Soco!”

Beydan Shabeel saddexdii kun iyo baabuurkii bay iridka kala baxday, wadihiina ku amartay, “Warshadda Muraayadaha na gee. Dhakhso!”

— 5 —

Injineer Axmed Jaamac, sidiisii buu shaqada ugu soo kallahay. Laakiin subaxaas kallahaaddiisii waxba lagama dheefin. In muddo ah Xafiiska waa dhex fadhiyey. Wax la sheegase weli kama qaban. Shaqooyin badan, oo intii uu maqnaa is dul fuulay, ayuu halkii uu ka billaabi lahaa ku wareersaday. Sidiisana wuxuu ahaa maqane-jooge. Muuqaalkiisii waa joogay, maankiisuna Maana-Faay buu ku maqnaa. Meesha uu caawa kula kulmi doonuu ka fekerayey. Sidii ay xalay isu seegeen buu ku walaacayey. Warkii Kulmiye ku afuufay buu ka qabandhacoonayey. Qof saan culus oo ku soo socduu dareemay. Miiskii Xafiiskuu madaxa kor uga qaaday. Mise islaan buuran baa u soo laba lixaadsanaysa. Si indha-adayg ah bay isu soo maqiiqday.

Markay albaabka soo dhaaftayba, hadal dheer bay hore ka bilowday, “Haye ditoore, maxaad sheegtay, waanba ku soo daalay meeshiinna fogaanta badane? Alla muxuu koray, wiilkii haddeer carruurta ahaa!” Intay boorsadii miiska dul dhigatay, kursigii hortiisa yiilna iyadoon cidna idan ka sugin isku barakaadisay, bay warkeedii sii wadatay, iyadoon injineerka siinayn fursad uu jawaab ugu celiyo.

“Aa! Ruux iguma jiro! War heedhe, Axmed. War Maandhow meeshiinnaa maanta arrini iga soo gashaye, warqad baan wataaye, waxaan rabaa in aad igala hadashid ninka meesha haysta. Adigu haddee i garan maysidoo dad ma taqaanide, waana gartaayoo intii aad caqlisatay reer Kismaayaan ahaaye, anigu eeddadaa baan ahay, dadka kaloo dhan baan isnaqaan, adiga qudhaadana arrimahaaga korkaan kala socdaa. Aad baan ugu farxay markaan maqlay in aad dhawaan guursanaysid. Gabadhu waa gabar wanaagsan, intii la doono; waa kuugu hambalyaynayaa.

“Dhallinyaradiinna hadda joogta waad naga fiican tihiin dadkayagii hore. Barigii hore gabdhaha ilbaxa ah ee iska tunta, sida gabadhaada, way guur gafi jireen, haddase idinku waxaas waad ka ilbaxdeennoo, gabdhihiinna raalli baad uga tihiin in ay iska waqti qaataan, sidaasaana fiican.”

Injineer Axmed intii horoo dhan isagoo yaabban buu aamusnaan ku dhagaysanayey islaanta daldalmaysa, hase yeeshee markii ay halkaas maraysey ayey boogtii dillaacday. Meel halis ah bay ka taabatay. Intuu is celin waayey, buu hadalkii khasab uga kala gooyey, ee yiri, “Dhegeyso marwo! Gabadhayda miyaad adigu taqaan?”

“Allow nimaan wax ogeyn ha cadaabin. Ma anigaan ina Shabeel ah baad i leedahay miyaad taqaan Maana-Faay Xaaji Muumintii aan habarteed ka soo umuliyey, ilaa maalintaasna meeshii ay raad dhigtaba ogaa?

“Mayee yartu waa wanaagsan tahay, intii la doono naag ka qurux badan oo aad guursan lahaydna ma jirto. Beentu waa shay xaaraan ahe. Intii wax yihiin xoogaa waa iska qalbi furan tahay. Taasina ceeb ma aha haddaad u oggolaatay baashaalkeeda iyo in ay habeen-habeen dhallinyaradeeda iskala qayisho. Qof xirxiran ma fiicna. Keliya ka waani in aan khamriga la barin, waayo habeen dhawayd meel laga sheegayey waxaa jooga niman xunxun oo gabdho badan khamri iyo waxyaabo fool xun baray!”

Axmed intuu mar qura dhulku la wareegay, ee meel uu joogo iyo meel laga jiro kala garan waayey, ayuu labada gacmoodba miiska ku garaacay naagtiina hadalkii ku xiray ee yiri; isagoo kor u qaylinaya, “Aamus! Xaggee ku aragtay waxa aad sheegaysid?”

Intay is miskiinisay, ee sidii qof hadda is-garatay isu ekeysiisay, bay tiri, “War maandhow raalli ahow, wax aan arkay iyo wax aan kuu sheegay midna ma jiraan, anigaa gefey oo kharaf ah, wixii aan kuu sheegay iska illow, qarow bay ahaayeene. Afkaygow yur!” Uurkana waxay ka tiri, Ma la helay tumaatida halkii loogu tala galay!

Intuu labada suxul miiska ku soo cuskaday, ee indho wixii xanaaq hayey wada koobaya ku fiiqay ayuu yiri, “Dhegayso duqda! Wax waad sheegtay lagaana maqal, meel aad ka noqotidna ma joogtid, hadda waxaan kaa rabaa in aad caddaysid wixii aad sheegtay, ee i taabsiisid. Haddii kale waxaad tahay dadka warxuma-tashiilka la wareega, sharcigaan kula tigsanayaa!”

Intay sidii qof aan waxaa oo dhammi qiime ugu fadhiyin isugu qososhay bay tiri, “In aad wax taabatid haddaad rabto, caawa siddeedda Boondheere imow! Buurka markaad hoos uga daadegto, sarta duugga ah, ee saddexda dabaq ah horteedana dhismaha cusub ka socdo, sarta ka soo horjeedda ee guduudan, albaabkeeduna cagaarka yahay, tag halkaas haddaad indhahaaga rumaysanaysid.”

Injineer Axmed kuma harin adkaysi dambe oo uu hal eray ku yiraahdo ama ku dhagaysto, waxaa dareen cabsiyeed ka galay in uu duqdaas weyn ku qarxado, kuna ceeboobo, isla markiina waxaa u soo galay nin shaqaalaha ah oo waraaqo wata markaasuu isagoo ninkii waraaqihii ka qaadanaya Beydan ku yiri, “Nabad gelyo eeddo, shaqooyin badan baa ii yaale, waad mahadsan tahay.”

Beydan waa iska dhaqaaqday, iyadoo afka ka leh, “Waxaa la yiri, ‘khayr ha galin, shar kuuma yimaadee.’ Anigaa lugahayga ku soo doontay dhib aan ii dhawayn, bal maan afkayga haysto?” Uurkana ka leh, Allaylehe kubbaddaasina shabaqii waa gashay. Goolkii labaadna waan dhaliyey. Waa inoo caawa iyo cayaartii kama dambaysta ahayd!

— 6 —

Intii ay isa sii majiiraysay isagoo yaabban buu isha la sii raacayey. Markay ka libirtay bay maskaxdiisu filinkii dib u soo furfurtay, Yaah? Maxay ahayd axadkaan mucjisada ah? Xaggee laga soo diray? Maxay tiri? “Haddaad gabadhaada u fasaxday in ay dhallinyarada is kala qayisho!” Balaayo kula qayishay! Ma laga yaabaa in ay run sheegayso? Wax kastaa waa dhici karaan. Dad iyo duurba wax aadan ka filayn baa kaaga soo baxa! Laakiin maya. Qoftu ma Maana-Faay baa mise waa qof kale? Goormay qaadka iyo ehelkiisa baratay? Xaggee bay u mareen? Maya. Maya. Wax dhici kara ma aha. Wax kalaba ha sheegto islaanta sibraha weyn! Laakiin lacalla haddii…

Taleefoon baa ku qayliyey. Filinkiina ka kala gooyey. Hadduu cabbaar iska dhega tiray buu mar dambe gacan wahsanaysa ku soo haabtay. Intuu dhegta saaray buu cod daallan oo la moodo in uu tub dheer soo maray ku yiri, “Haah?”

“Subax wanaagsan Axmed!” buu dhankii kale ka maqlay. Ninkii hadlaayey buu gartay. Markaasuu cod firfircoon oo kii daallanaa ka duwan ku jawaabay, “Ahlaan Ciise, aroorya suubban!”

“Soo noqod wanaagsan! Aabbaa ii sheegay in aad shalay timid.” Ciise Dheeraa salaantii ugu buuxiyey.

“Mahadsanid walaalle! Ka waran ciddii?”

“Wax waliba waa hagaag, mahadsanid,” Ciisaa jawaabtii aad ugu soo koobay, haddana isagoo ujeedda uu u soo wacay u gudbaya u raaciyey, “Adiga uun baanu ku tawnay. Qoftii Maana ahaydna way iska ladan tahay. Labadaan beri annagay nala jirtay. Waana…”

“Tee? Ma Maana-Faay?” Axmed baa filan-waagii la soo booday, sidii nin aan hadalka si fiican u maqal. Si fiican u maqalye dhagihiisuu rumaysan la’aa. Su’aasha kadiska ahi iskeed bay uga soo fara baxsatay.

Ciise Dheere oo xaaladdiisa fahamsan baa si deggan warbixintii ugu sii waday, “Aahey. Adiga mashaakillo iska yar yar baa intii aad maqnayd cidda xaggeeda iska jiray. Waxaan garannay inta aad imaanayso in Maana gurigayaga iska joogto. Hadda waa khayr haddaad timid. Kolleyba gurigaan kugu sugaynaa. Wixii faahfaahin ahna markaasaynu si fiican isu waraysan doonnaa!”

Axmed Jaamac mar saddexaad baa dhulku la wareegay. Wixii horoo dhan bilaash! Walwalkii ugu waynaa warkaanaa ku dhaliyey. Su’aalo badan buu Ciise ku celceliyey. Wuxuu ka doonay in uu warka mugdiga uga saaro, ama wax faahfaahin ah u raaciyo. Laakiin Ciise wuxuu ku adkaystay faahfaahintu inayan taleefoon ku habboonayn. Balse loo baahan yahay in la iska arko. Isla markaasna wuxuu ugu laab qaboojiyey in aan wax dhibaato ahi jirin, wax walibana hagaagi doonaan.

Axmed laabtiisu mid sidaas ku qaboobaysa ma ahayn. Haddii aan warar hore soo gaarin u malee in uusan midkaan sharaysteen. Haddase wiish buu u yeeriyey. Hun horaa laqanyo kicisay! Hadalladii uu hore u beensaday baa ku soo duxay. Warkii uu shalay-galab Kulmiye ka qaadan waayey buu dib u soo gocday. Habartii buurnayd baa mar labaad hor timid. Sar guduudan baa u sawirantay. Muuqaal fool xun buu ka dhex arkay. Intuu ka mashiiqsaday buu wajiga ka dadbay.

Waa filinkii kharaaraa! Waa u muuqdaa. Waataas Maana-Faay oo wareeg ka timid saqda dhexe gurigoodii gargaraacaysa! Waa la soo eryey. Waaba la dayriyey, sidii walaasheed Iisha. Kulmiye iyo khamriya-cabyaashii kaloo uu sheegayey baa cidla ka helay. Malaha awalba qaarkood baa soo daahiyey. Xarumahoodii bay ku soo dhaweeyeen. Baddeeday dhinac ka dabaalatay. Islaantu halkaasay ku aragtay, ama loogu sheegay. Ka dib baa Ciise Dheere raadiyey. Isaga iyo Leylaa soo waday. Waxay is tuseen, “Inta Axmed u imaanayo aan gurigeenna ku celinno, markuu yimaado isagaa asturi doonee!” Waa anigaas idiin asturay! Balo iyo baas baa idiin astura! Yaa qob moos loo dhigayaa! Qoor iyo xero khasaaro weyn baa igu dhacday! Qaddar ba’ay! Qoftii ma sidaasaa u dambaysay! Maxaa ku dhacay adduunkii? Goormay qorraxdii galbeed ka soo baxday? Maana-Faay tii aan aqiin ma ahee tu kalay noqotay miyaa? Tijaabooyinkii aan soo mariyey ma dhalanteed bay noqdeen? Tolow maxaa lagu sameeyey, miyey sixreen? Wax sixir la yiraahdaa ma jiraan. Mise wax horaa jirey oo anigaa dheg-weyn iska ahaa? Waryaa naagtu riwaayad bay kuu dhigaysay! Najis inantii! Ma anigay i siri kartaa sur xumayde? Waa waxaad ka gurataa!

Mise dadkanaa riwaayad kuu dhigaya? Maana sow miskiintii aad ogayd ma aha? Goormay fursad u heshay in ay meelahaas oo idil tagto? Ma maalmihii yaraa ee aad maqnayd bay waqti u heshay in ay intaas dad ah xiriir la yeelato? Wax dhici kara ma aha. Dadkaaani yay ku waalin! Arrinta Ciise sheegayaa waa arrin kale. Isagaaba yiri, “Waa arrimihii xagga dugsigeeda ku saabsanaa.” Wax kale ma aha.

Kulmiye sow ninkii aad tiqiin ma aha? Maxaad ka waraysanaysaa? Islaantii ganaca weynayd oo sidii wax waalan daf ku soo tiri, iyadana iskaba xoor! Wixii ay quraamaysay badda ku shub dheh! Ka bul dhaha beenaalayaal yohow! Ha igu dirina wadnahayga gabalkiisa, gacaladayda Maana! Ha iga duminina gurigii aan dhisayey. Guriga Maana-Faay hadduu dumo, guur oo dhanba waan ka dhaaran, gamboolay dambana ma aaminayo. Maalintii aan dalka ku soo laabtay hadalkii aan Kulmiye kula asaraartamay baan ka toobad keenayaa. Duulkaas lama aamini karo.

Ka bax, ka bax! Waxaasi ma jiraan. Wiswiska badan waa cudur. Saadaasha xun ma fiicna. Dib u dhigashadu waa tii waxaan kuu keentay. Waa in uu fulaa go’aankii aad waalidka isla gaarteen. Toddobaadkaan waa in ay bilowdaan hawlihii aqal galkayga. Iyadana kulankayaga ugu horreeyaan warka shaaca uga qaadayaa.

Maya. Kulanka u horreeya ka sal gaar wararkaan la sheegayo. Laakiin way qarracmaysaa haddaad wajiga ka saartid wararkaas foosha xun oon waxba ka jirin. Iyadaa is taqaan. Ha qarracanto intii meesha madmadow ku jiri lahaa. Yaa huba in aan wax ka jirin? Waxba yay isu kaa miskiinin. Horaa loo yiri sir naageed lama sal gaaro. Haddaan meesha wax ku jirin maxaa gurigoodii ka soo waday?

Saacado fara badan ayuu isla hadalkaasi Axmed Jaamac kula wareegaalaysanayey goobaabin aan madax iyo majo lahayn, oo halkii ay ku dhammaataba ka bilaabanaysa. Maalintaas qado uma dhadhamin, hurdana indhihiisa ‘hooddi’ ma oran. Goormay qorraxdu dhacaysaa? buu ku calwasaadayey. Markay dhacday buu Boondheere u labistay. Toddobadii fiidnimo oo daqiiqado yar dhiman ayuu gargaraacay iridkii duugga ahaa ee guriga mitirkubbada ah.

Gabar dhuuban oo uusan garanayn baa ka furtay. “Maana-Faay ma joogtaa?” buu hadal uga bilaabay. Markii erayadu afkiisa ka soo dhammaadeen buu is gartay. Gabadhii oon wali u jawaabin buu su’aashaas ka soo fakatay ka shallaayey. Wuxuu is yiri, Reer-magaalnimadu waxay ku jirtay in aad iska dhigtid nin guud ahaan qoyska booqasho ugu yimid; maadaama aad Ciise iyo Leylaba si wanaagsan isu taqaanniin.

Intii uu su’aashiisa uu la degdegay isku dhaliilayey, ayuu maqlay gabadhii oo ka jawaabaysa, “Maya walaalle, Maana ma joogto.”

Qaraaraa jawaabta! U daranaa qalbigiisa! Meel qarsoon baa ‘qac’ tiri. Qabandhacaa ku jajabtay. Intuu gawsaha is dhaafsaday buu gabadhii su’aal kale weydiiyey, isagoo ku dadaalaya in aan wadnihiisa gariiraya wajigiisa laga garan, “Guriga sow lama joogo?” Waa su’aashii uu jeclaa in uu hadalka ka bilaabo. Wuxuu is dhibay in uu si deggan u yiraahdo, sidii nin aan Maana oo keliya doonayne, dadka guriga jooga u siman yihiin.

“Haa, waa la joogaa, gudub abboowe,” gabadhii baa si xushmad leh ugu jawaabtay.

Hase yeeshee markuu gudbay wuxuu ogaaday dadka joogoo ay sheegaysaa in ay yihiin cunuggii Burhaan ahaa iyo yartii eeddada u ahayd oo looga tagey. Yartii baa soo dhawaysay, dadkii kale meelaha ay jiraanna wixii ay ka ogtahay uga warrantay. Ciise Dheere intuu hal-haleel ku qadeeyey buu shaqo ku laabtay. Xitaa in uu Axmed imaatinkiisa sheego, degdegiddii buu la illaaway. Markuu Warshaddii tegey buu xasuustay. “Leylana gabar jirran oo looga war keenay bay goor aan fogayn u gurmatay. Maanana meel aan dheerayn bay dhar ka soo iibsanaysaa, mar dhow waa imaanaysaa,” yartii baa ku rajo galisay.

Rajadaas ayuu Axmed ku fariistay. Fadhigii baa ku dheeraaday. Isaga iyo carruurtii baa isku hor caajisay. Saacaddii buu ku xayraamay. Toddobadii iyo toban. Iyo rubuc. Iyo labaatan. Iyo bar. Qoftii weli lama hayo. Walaacii iyo isla hadalkii baa ku soo noqday. Siddeeddii oo toban dhimman markay isku taagtay baa dulqaadkiisii buux dhaafay. Intuu miiska tantoomay buu iska kacay. Isagoon yartii “nabadgelyo!” oran buu iridka ka baxay. Arrin uu dib ka soo gocday baa xanaaqiisa dedejisay. Qoftii sooma socoto. Wixii islaantu sheegaysay baa run ah. Nacasnimo weyn baad samaysay. Waxaa la rabay in aad qofta soo dhawayside, si fiican u waraysatid. Guriga ay tilmaamaysay yaa loo maleeyaa in ay leeyihiin? Kollay waa guri dhallinyaro ardaaliin ah. Haddaan magaceeda iyo meesha laga helo weydiin lahaa wax dhan bay ahaan lahayd! Tolow xaggee ahayd meeshii ay tilmaamaysay! Sug hadda! Boondheere! Buurkii ay sheegaysay sow kaas ma aha? Malaha maba foga!

Buurkii buu ka dhaadhacay. Dhismooyinkii hortiisa iyo hareerihiisa ka muuqday buu indhaha ku taagtaagay. Aaway sarihii iyo dabaqyadii ay sheegaysey? Waxa meesha ku yaal carshaan iyo baraakooyin fool xun bayba u badan yihiine! Cajuusa mina-naar! Maxay been ii maleegtay!

Cabbaar buu meelihii ku warwareegay, isagoon rajo weyn ka qabin in uu heli doono sar guduudan oo irid cagaaran, mid saddex dabaq ahina ka soo hor jeedo! Yaa yiraahda jid-caddihii aad ka soo tallawday bidix ula weeco, aad aragtid sartii guduudnayd oo kuugu sugaysa meel aan konton tallaabo ka fogayne? Ma guriga Beydan Shabeel baa guryo ku qaldami kara? Gawaarida is-daba maraysaaba summad ugu filane!

— 7 —

Qolalkii fadhigu way wada cammiran yihiin. Hal mid baase habeenkaas Beydan ahmiyad weyn u leh. Waa qolka iridka xiga ee Injineer Axmed lagu sugaayo. Afartiisa gidaar saddex waxa buuxiyey saddex ninoo saddex gabdhood ku kala dheggan, qaad firaashyada ay ku fadhiyaan dul saaranna raabsanaya. Labo is haysataba waxaa hor yaal miis yar oo ay dul tuban yihiin bekeeriyaal, baakadyo sigaar, termuus shaah ah, mid biyo ah, dhalooyin barafuun ah iyo wixi la mid ah. Bartamaha waxaa taal burjiko marba khum-khum lagu ridayee qiiqeeda iyo kan sigaarku intay hawada ku midoobaan isu kaashanayaan wasakhaynta ogsojiinkii qolka soo galay intaan irdaha laga xiran.

Gidaarka albaabku ku yaal waxaa fadhiya nin aan gabar ku dhegganeyne qaadkiisa uun gurubsanaya. Waxaa dad ugu dhow Maana-Faay Xaaji Muumin oo joodariga uu ku fadhiyo dacalkiisa salka ku haysa. Dhexdooda waxaa daadsan dhar dumar oo cusub. Waa maxay amarkani? Maana-Faay maxaa ku dhacay, ee dadka noocaan ah dhex fariisiyey?

Toddobadii fiidnimo ayay sidii ballantu ahayd soo doonatay dharkii ay ku ballamisay ‘eeddo’ Beydan Shabeel. Barxadda hore ayey tagtay. Bersad aan cid kale joogin bay fariisisay. Buskud iyo ‘Faanta’ qabow ku marti soortay. Ammaan iyo beer-laxawsi bay ku afuuftay. In muddo ah ayey Maana uurka ka damcaysay afkana kala xishoonaysey in ay sheekada ka dhex gasho, si ay dharkii u weydiiso. “Tolow tii maxaa qabsaday, maqnaan badanaa!” Beydan baa su’aashii Maana uga hor tagtay.

“Tee?” Maanaa weydiisay.

“Waa tu gabar ahoo armaajadii aan guntiinooyinka kaaga soo bixin lahaa furaheedii nagala tagtay.”

“Hadda bes miyaa?” Maana oo tagid u qiil raadsanaysa ayaa tiri.

“Maya, maya! Hadday imaanaysaa eeddo! Guri dhow baan haddaayey alaab uga dirsaday. Waaba nagu soo daahdaye haddase, way soo dhowdahay!” Intay ‘album’ weyn ku tabbacday bay u raacisay, “Sawirradaan fiirfiiri, dad aad taqaanna kolley way kaaga soo bixi doonaane.”

Waxay basanbaasiso, markay “Waan daahsanahay,” tiraahdaba gabar maqan oo been ah canaanato, iyadana sheeko halalaasi ah u saartaba, markii saacaddu siddeeddii ay Axmed ballamisay shan daqiiqo markey dhimmanayd, ayay intay kacday qol kale u laabatay. Waxay soo noqotay iyadoo cuntub dhar ah sidda. “Hooyo dharkii aan kula rabey furihiisii gabadhii baas waa tan oo nagala soo daahdaye, in aan gurigii kaa daahiyana ma rabee, bal hadda kuwaan hoo wax ku anfaca ka fiirso!”

Maana intay cabbaar rog-rogtay bay tiri, “Kuwaan wax i anfaco ma uga jeedo.”

“See waaye hooyo macaan! Qaar badan oo cajaa’ib leh baa ku jira. Sow ma aragtid middaan isku soo haadka ah oo gabdhaha facaaga ahi beryahaan ku daateen?” Intay gacanta qabatay, ee istaagtay bay u raacisay, “Kaalay dadkaani ha kula arkeene, halkaanaa waxaa jooga dad dharka aad u kala yaqaane!”

Qolkii qiiqa badnaa bay geysay. Maana waa ammankaagtay. Beydanna iyadoo daldalmaysa ayey dharkii ag dhigtay ninkii iridka soo xigay ee naag la’aanta fadhiyey, kuna tiri iyadoo dhulka hoos sii fariisanaysa, “Waryaa Muuse, waa taad dharka dumarka khabiir ku ahayde, hoo iigu soo saar gabadhaan guntiino quruxdeeda u qalanta qofta aan dadka ugu jeclahay weeyee; waa qofta keliyee aan ka jeclahay kuwa aan dhalay!”

Markay Maana-Faay intaas maqashiisay bay intay kor u eegtay ku tiri, “In yar halka ii soo fariiso hooyo macaan, ma taagnaan kartide!” Halka ay u tilmaamaysaa waa joodarigii Muuse ku qayilayey dacalkii ka bannaanaa.

Maana intay iridkii ay amankaagga la taagnayd ka soo luudday bay meeshii Beydan u tilmaamaysay salka dhigatay, iridka xaggiisana u sii jeesatay, markay arki wayday kursi iyo meel kaloo bannaan.

“War noo dhakhso adiga Muuse ahi, gabadha ha iga daahine, awal bay tu inkaar qabtaa daahisaye!” Beydan baa ku dhaga hadashay, hoosna Muuse uga il jabisay. Wuu gartay iljabintaas micnihiisu in uu yahay, Qoftii waa tane, naga tiiri meesha! Shaqadeeda waad garanaysaa!

Muuse iyo asxaabtiisii kale waxay hayeenba way sii daayeen. Gabadha martida ah soo dhaweynteedaa loo wada guntaday. Kaftan iyo ammaan baa loola kala baxay. Dhar-u-xuliddeedii baa lagu marmarsooday.

Tartan baaba laga furay. “Anigaa u xulaya!” iyo “Anigaa u soo saaraya!”

“Xuural-ciinta dharkeeda anaa idinka badiya!”

Buuqii markuu isku dhacay, bay Beydan ka dhex siibatay. Intay sidii qof aan tagayn u kacday bay tiri, “Tii waa timid baan u malaynayaayoo wax u hadal eg baan maqlayaaye, bal aan furahaygii ka soo qaato!”

Markay daaradda u baxday bay intay Faaduma-Yarey u yeertay hoos wax ugu sheegtay, “Wixii Maana-Faay ku weydiiya, hadday dumar yihiin, way baxday ku dheh, hadduu wiil maarriin ah yahayna qolkaas u gudub dheh! Wixii aniga i doonayana waxaad ku tiraahdaa nus saac ka dib bay Xaajiyaddii imaanaysaaye u soo laabta!”

Beydan guryihii dariska la ahaa bay mid ku dhuumatay. Ciidankeediina xilkii ay u dhiibtay bay si ‘daacadnimo’ ah qolkii qiiqa badnaa uga dhex fulinayaan. Kaftankii durba waxaa loo weeciyey xagga qaadka, markii Maana-Faay yare degtay, “Ka warran dadkayagaan waaweyn oo cagaarka daaqaya, sidii xoolihii?” Muusaa Maana ku hoosaasiyey, haddana intuu laan uu doocdoocinayey kula soo dhawaaday u raaciyey, “Geedkaan waligaa ma aragtay? Bal hoo aad ugu fiirso!”

Qaad way maqli jirtay, waligeedse ma arkin, meel lagu cunayana uma soo joogin. Ma moodi jirin in uu sidaas u egyahay, una micne daran yahay. Si kaluu maskaxdeeda ugu sawirnaa. “Qaadka la sheego cooskaan lee miyaa?” bay tiri, intay laantii loo dhiibay kor iyo hoos ka fiirisay, sidii qof la yasayo. Muuse fursaddaas waa ka faa’iidaystay. Intuu ku soo dhawaaday buu cashar dheer oo qaadka ku saabsan la kala baxay. Qolyihii kalena shumis isku dayasho ah bay laba-laba iskula jeesteen.

Qof degdegsan baa idin la’aan dalaq soo yiri. Dadkii laba-labada isugu dhagganaa bay ishiisu ku dhacday. Intuba inta ka dhakhsa leh. Isagoon wali ka bogan buu hoostiisa ka maqlay cod uusan ka habaabayn oo soo leh, “Alla waa Axmed! Macaane!”

Sidii wax koronto qabsatay baa korkiisu mar qura wada gariiray. Wadnuhu kor u booday. Indhihiisuna meeshii hadalku ka yeeray hoos ugu qamaameen. Waxay ku dhaceen Maana-Faay oo intay laan qaad ah tuurtay sidii wax waalan u soo fara baxsanaysa, si ay wiilkeeda isugu duubto. Filanwaagii bay la khafiiftay. Farxadda kadiska iyo xad-dhaafka ah, qofka way ka argagixisaa, waxa uu samaynayana moogaysiisaa. Argagaxa noocaas ah ayay markii isheedu qabatay ku boodday. Goor ay laantii tuurtay, goor ay soo boodday, goor qalbigeedu hadlay iyo wax ay ku hadashay midna ma ogayn.

Miyirkii yaraa ee Axmed maankiisa ku harsanaa, waxaa is raaciyey qaadka ay tuurtay iyo ninka lugaha qaawan ee halkii ay ka soo kacday dhacadiida! Markuu muuqaalkaas arkay baa xaaddiisa tinba meel is-taagtay. Wuxuu jeclaystay in uu gabigiisuba qumbulad noqdee guriga qarxiyo, waxa ku jira gubo, isaguna gubto! Qofkii boholyowga kula soo boodday, intuu dib uga faagtay buu dharbaaxo xooggiisii iyo xanaaqii hayey ku dhan yihiin ka hor geeyey. Sidii qof sar dhaladeed laga soo tuuray bay jeegada u dhacday, far garaarisana laga waayey. Filanwaagii, hiyi-kicii, naxdintii, farxaddii iyo xanuunkii halka mar ku wada kulmay ayaa maskaxdeedii tabaalaysnayd miyir gaddiyey.

Wiilka qudhiisu wax yar buu ka agab sokeeyey. Isagu ma suuxin sideeda, miyir kalese kuma dhaamin. Goor uu gabadha u gacan qaaday, goor uu baxay, meel uu maray iyo meel uu u dhaqaaqay midna ma is ogeyn, isagoo xeebta lugaynaya uun buu is arkay. Riyo iyo soo jeed mid uu ku sugan yahay buu ka shakiyey. Meel uu ka yimid iyo meel uu ku socduu kala garan waayey. Halkii uu marayey buu is taagay, si uu miyirkiisii u baadi goobo.

— 8 —

Leyla walaasheed way daahsatay, Maanadii maxaa daaray? Waa siddeeddii fiidnimo, markii ay Xamar Weyne ka soo laabatay, su’aashaasay ku calwasaadaysay. In Axmed yimid waa loo sheegay. Mar waxay is tiri, Ma isagii bay jidka iska heleen? Maleheeduse wuxuu u badnaa in gabadhii amar kale qabsaday. Ma jidkaa laga af duubay? Ma ciyaal-suuq baa dilay? Ma meel cidla ah bay ku dhacday waa tii iska fahma darrayde? Walwal badan baa ku soo dhacay. Bal maxaad keligeed u dirtay? bay isku canaanatay.

Tobankii caweysnimo markay wayday bay garbasaarteeda dhegta qabsatay. Meeshii xalay islaantu gurigeeda ku tilmaantay bay ku dhaqaajisay. Tilmaantii bay isku dayday inay dib u xasuusato. Badiba kala illowday. Meeshii ay qiyaasaysay markay gaartay bay waxba kala garan wayday. Walaac bay la jeesjeesatay. Yaan warsadaa hadda waayee? ayaa madaxeeda ku wareegaysay, markii ay maqashay cod dhaddig oo leh, “Leyla Xaaji Muumin ahaa! Haye datooreesa, caawa soo dheeraatayaa!” Hadday jalleecdayba, waa haweenay ay macruuf yihiin oo Xaafadda deggan.

“Aay Xaawo, see tihiin!” Leylaa ku jawaabtay. “Yaakhey dukhdoo Beyddan Shabeel la dhahaayo oo inta deggan minankeeda ma kasaysiin?”

“Beyddan Shabeel aa? Bisinka iyo burdaha! Heedhe Beyddan Shabeelna maxaa wax kuugu daray, adaanba dab yar shidayne?”

Leyla sidii wax argagaxay bay indhaha taagtay, afkana sacabka saartay sidii iyadoo su’aashii ka soo baxday ka qoomamaynaysa. Haweenaydii bay xog waraysi ugu dhaqaaqday. Beyddan Shabeel waxa ay tahay baa war buuxa laga siiyaa. Yaxyax iyo amankaag is huwan bay la anfariirtay. Walwalkii hayey waa laba jibbaarmay. Wiish hor leh baa ku yeeray! Gurigii ay goobaysay waxaa loo caddeeyey in uu yahay meel aan qof sharaf ilaashanaysaa foodda gelin karin. Iyadu ujeeddo kasta ha u tagtee, marba haddii la arko iyadoo sartaas guduudan sii galaysa, ama ka soo baxaysa, waxaa lagu darayaa liiska hablaha suuqa!

“Ar aniga cawada yaa ii islaan eh? Abbaay hadda seen wax yeelaa? Meehaas ma tagi kari, walaashaydana ma ka hari kari, meel kaloo aan ka warsadana ma kasaayo!” ayey ku cabatay.

Xaawadii baa is xil qaantay. Waxay ku talisay in ay labadoodu is raacaan. Waxay u sheegtay haddii qof waayeel ah xaafaddana laga yaqaan ay la socoto, dacaayad iyo daandaansiba in ay ka nabad galayso. Ra’yigaasay isku raaceen.

Sidii bay labadoodii isu gaashaan-buursadeen. Luuqii madoobaa ee guriga Beydan Shabeel looga laaban jiray, madixiisa soke markay gaareen, ayey is tuseen malluug meel cabbaar ka horraysa sii kacaa-kufaysa. Waa noole taag daran oo culays tabartiisa ka weyn la tukubaya. Hadday u soo dhawaadeen, waa gabar feyr ah, guntiino calal ah oo darfaha ka jeexan, badankeeduna qoyan dhar ka qabta. Waxa ay la kacaa-kufaysaa, waa aashuun biyo ah oo iyadoo la duuduubay ka weyn. Biyaha uu culayska la qubayo iyo kuwa xagaayada Xamar cirka ka soo qubayso, ayaa isu kaashaday qoyaanka qoftaas taagta daran dhaxanta ku salladay. Intay aashuunkii si dhib leh dhulka u dhigtay bay ag yuurursatay, iyadoo daal, gaajo iyo dhaxan isu gaashaan-buursaday la neeftuuraysa.

Dumarkii soo daba socday markay la sinnaadkeeda soo gaareen, ayey eegmo u-nixid iyo ogaansho doon isugu jirta isha la sii raaceen.

“Eeddooy aashuunkaan ii saara!” ayay cod dhaxan iyo taag-darro la jaraynaya ku tiri. Eegmadoodii naxariista lahayd ayaa ku dhiirri gelisay in ay gargaar weydiisato. Inkastoo ayan weli nasan, waxay ka cabsatay in ay weydo cid dambe oo dusha u saarta aashuunka iyadoo la duuduubay ka weyn, in ayan keligeed dhulka ka hinjin karinna ay ogtahay.

Markay intay ku soo leexdeen is kor taageen ayay Xaawo aqootay, “Alla waa yartii miskiinta ahayd,” bay si murugo leh u tiri, haddana raacisay, “Faadumo! Ma adigii baa? Allow maxaan ku arkay adigoo goor xun wax tabartaada ka weyn la kufkufaya! Hooyo islaantii ganaca weynayd ma musaleylkaan bay meeshaan ogaa biyo ka soo dhaami ku tiri? Iska keen hooyo, wallee taasi aakhirkeeda cuqubadaaday u dhiman doontaaye! Adna maxaad fiidkii hore u soo dhaamin weyday, intaad habeen barkaan ciyaal-suuqa iyo dhaxanta khatarta ku galaysa?”

“Ilaa fiidkii waa daldalayey.”

“Oo xaggee intaas wax ku daldalaysay, ma geel baad waraabinaysaa?”

“Waxay dhahday fuustada soo buuxi, ragga guriga ku qayilaaya haddii biyuhu ka go’aan waa korkaaga.”

“Oo maad tiraahdid aashuunkaan ma qaadi karo?”

“Waan dhahay.”

“Ka bacdi?”

“Kabacdi waxay dhahday: haddii aad shaqeeseheen iiga bax gurigeyga!”

“Gurigaa ba’ jixinjix daranaa.”

Leyla intii hore sheekada lama haysan, inkastoo ay yarta rafaadku ka muuqdo ka calool xumaatay. Markii qayilaadda la sheegay bay qofta laga hadlaayo maleysay. Markaasay Xaawo weydiisay, “Beydantii miyaa?”

“Haa walaaley, yartaas miskiinta ah bay ifka ku kadeedday.”

“Oo minanka biyo ma gashatoo, sida la sheegayo waaba khabtaaye?”

“Guriga biyo waa ku jiraane iyadaa goysay. Dad waxay ugu sheekaysaa tuubbadii baa kharribantay, kas bay u goysay. Waxay is dhacsiisay, waa gurigaas balaayadu is daba maraysee, intii bil walba lacag badan biyo lagaaga qaadan lahaa, gabadhu bilaash ha kuugu soo dhaamiso, markay gabadha shaqo kale u dirsatana mindhaa dameer bay ka shubataa.”

Leyla intay Faadumo-Yarey oo xagaayada arradka iyo qoyaanka ku haadsatay la jaraynaysa il raxmadeed ku milicsatay bay weydiisay, “Ad laakiin maa isaga tagtid, dhibkeeda?”

“Abbaay meel kaloo an aado ma kasaayi!”

“Waalidkaaga ma noola miyaa?”

“Hooyaa nool.”

“Maxay suubisaa?”

“Waxna. Makhaayaddoo Afgooye ku taal ay mar-markoo muufada u dubtaa. Marna waxay dhahaan naago kalaa noo suubihaaya. Marmarkoo intay iska timaaddaa, waa iska tuugsataa.”

“Walaalahaa waaweyn ma jiraan?”

“Anlee u weyn.”

“Kuwii kale intee jiraan?”

“Labadii igu xigay koo intuu joogaa, Xamar, caseeye waaye, koona meel aas jiro ma la kasaayo, waa ciyaal darbi aa la dhahaayey: mar uu wax dafo iyo mar la dilaayo waaye.”

“Masaakiin! Iihi? Kuwa kalena?”

“Kuwa kale yaryar waaye, hooyay la jiraan waa iska tuutuugsadaan, mar inta marna Afgooye.”

“Adooga markaas dhimahaayey wax ma heesan miyaa?”

“Beer aan khabney. Hortii qof oo tacabto aa la waayey, hadda markii tabca leheenna, ninkoo taajir eh aaba aseendadiisa ku darsaday.”

“Maad dacweysiin?”

“Waa dacwoonay.”

“Ka bacdi?”

“Ka bacdi waxaa la dhahay, haddii idinka tabcan weyseen, sharciga waxaa waaye in qoftii tabcaheesa la siiyo.” Markay intaas tiri bay gurigii meel dhow ka aragtay markaasay, sidii qof khatar lama filaan ah ka digaysa, intay codkii hoos u dhigtay iyadoo boobsiinaysa tiri, “Aay Xaawo, ii dhiiba ashuunka! Haddii oo aniga geyn Xaajiyadda waa igu khayliney!”

Intii Xaawo aashuunkii u sii dhiibaysay bay Leyla tiri, “Makhal Faadumo! Gabartoo Maana-Faay la dhoho ma joogtaa minanka?”

“Maana-Faay, Maana-Faay!” Intay ku celcelisay yare fekertay. Magacaasi kuma cusba, middii lahaydna way soo dhifan wayday. Markaasay tiri, “An gabdhahaan ma kala kasi kari, wax lee soo galaayo, wax lee sii baxaayo, wax lee baabuur sii koraaya, wax lee ka soo degaayo, an magacyaalkooda ma kasi kari.”

“Maya, maya,” Xaawaa ka dhex gashay, “Naga dhaaf Leyla, waa runteede waxba kama garan karto, islaantii u yeeratay baynu la xisaabtamaynaa.” Haddana intay Faadumo-Yarey ku jeesatay bay tiri, “Sow ma joogto duqdii?”

“Haa waa joogtaa.”

“U sheeg, bannaankaa laguu joogaa dheh, baladaas is-dhex yaacaysa ma dhex gali karnee.”

“Waa yahay, waa mahadsan tihiin,” intay tiri bay gurigii hore u gashay. Biyihii bay fuustadii loogu tala galay ku shubtay. Ka dibna qolkii ay Beyddan ku ogayd abbaartay. Intay sideedii edeb miskiinnimo iridka isu taagtay bay tiri, “Aay Beyddan lama haween aa bannaanka kuu joogta.”

Beyddan way malaysay dumarkaas dibedda isu taagay in ay yihiin kuwo Maana-Faay daba jooga. Dadkeedii caadiga ahaa hadday ahaan lahaayeen, way og tahay in ayan gabbadeene, qoob iyo qaylo ku soo gali lahaayeen. Intay yartii, sidii ay dambi gashay indhaha ku gubtay bay si kulul u fartay, “Naa ma joogto dheh, dadkaan maslaxad la’aanta la wareegaya buuqooda ma doonaynee!”

Haddana intay codkii hoos u dhigtay, hareerahana eegtay u raacisay, “Gabar Maana-Faay la yiraahdo hadday ku weydiiyaanna ma noo imaan dheh! Ma garatay naayaa? Soco nagala tag uskaggaaga iyo qoyaankaaga! Ma keentay biyihii laguu diray?”

“Haah,” bay ugu jawaabtay, iyadoo ka soo hor dhaqaaqaysa, si ayan qaylada ugu sii badin.

Markay dhawr tallaabo qaadday bay wax gocatay. Magicii markii Leyla weydiisay ay garan wayday ayey mar saddexaad Beyddan ka maqashay. In ay markii koowaadna iyada ka maqashay bay xasuustay. Maana-Faay. Maana-Faay! Haah! Haddaan gartay! Waa gabartii oo fiidkii ay i dhahaysey, “Wixii Maana-Faay ku weydiiya, hadday dumar yihiin, way baxday ku dheh, hadduu wiil maarriin ah yahayna, qolkaas u gudub dheh!” Hadda maxaan dhahaa dadkaan? Wallaahi yaab waaye!

In muddo ah ayey daaradda sii dhaqaaq-joogsanaysay. Dadka dibedda ka sugaya warkii ay kula noqon lahayd baa ku adkaaday. Ma runtay u sheegtaa, mise beentii Beyddan soo fartay bay u gudbisaa! Sida hore hadday yeesho, waxay noqonaysaa qof sirtii guriga bixisay, amarkii madaxdeedana jabisay, taasina waxay ku dhalinaysaa dareen dambiilenimo; waxaabase dareenkaas uga sii daran kan cabsida, waayo haddii Beyddan ogaato in ay sidaas yeeshay waa maalintii qiyaamaheedu dhici lahaa! Sida kale hadday yeeshana, waxay noqonaysaa in ay dad xaq ku socdo, iyadana axsaan u sameeyey been u sheegto, gabadhoodii laga soo xadayna ka qariso. Habeenkaas oo qura uma sama-faline, marar badan bay Xaawo agoontaas dulman ixsaan u samaysay. Iyada iyo Beyddanna iskuma doorsato. Jacaylka ay iyada u hayso iyo nacaybka ay Beyddan u qabto ayaa isu dhigma. Haddana Beyddan amarkeeda ma jabin karto.

Iyadoo wali walaacsan bay dadkii warka ka sugayey isa soo ag taagtay.

“Haye Faadumo! Aaway Xaajiyaddii?” Xaawaa weydiisay.

Iyadoo hoos u jeedda ayay cod gaaban ku tiri, “Waxay dhahday ma joogto dheh.”

Haddana intay afka sacabka saartay, sidii iyadoo eraygii ka soo fakaday ku celinaysa, ayay isla markiiba tiri, “Waxaan dhihi lahaa, ma joogto.”

Xaawo iyo Leyla intay is dhugteen bay hal mar isla yiraahdeen, “Maxaad tiri?”

“Ma joogto,” Faadumo-Yarey baa ugu celisay, iyadoo indhahooda wajiga ka dadbaysa, si uusan beenteeda u kashifin. Goorteed, ma goor wax walba la fahmay?

“Ma joogto aa?”

“Faadumo! Bal kaalay hooyo, afkeennu waa isu ammaane, xaggaan inoo soo yar dhaqaaji!” Xaawaa intay gacanta qabatay ku tiri, iyadoo luuqa mugdiga ah xaggiisa u sii daadihinaysa “Waxaan ku weydiiyey, hooyo,” bay cod gaaban ku sii wadatay, iyadoo madaxa u salaaxaysa, “Ma joogto dheh bay ku soo tiri sow ma aha?”

Faadumo-Yarey intay xoogaa aamustay bay haddana cod la moodo cunug oohini soo hayso ugu jawaabtay, “Haah!”

“Micne ma leh; awelba iyada waxba ku aanu fali mayne, waxaan ku weydiiyey, guriga gabdho badan baa jooga miyaa?”

“Haah!”

“Maxay samaynayaan?”

“Iyaga iyo niman aa isla qayilayaan.”

“Dhammaantood?”

“Haa.”

“Maqal Faadumo! Adigu waa taad waligaa gabar fiican ahayde, anigana waad ogtahay Beyddan Shabeel inaan kaaga roonahay kaana jeclahaye, haddaan wax kuu dirsado ma ii soo fulinaysaa?”

“Haah.”

“Haddaba waxaan kaa rabaa, adigoo aan lagu garan inaad ii soo ogaatid, gabdhaha guriga fadhiya mid Maana-Faay la yiraahdo in ay ku jirto iyo in kale, sidii aad ku soo ogaan lahaydna anigaa kuu tilmaamaya, haye dheh?”

Faadumo intay in yar aamustay bay tiri, “Waa ku jirtaa!”

“Yaah? Tee?” Xaawo iyo Leylaa hal mar la soo wada booday.

“Gabartoo Maana-Faay la dhoho,” Faadumo-Yarey baa ugu jawaabtay.

“Ma hubtaa?”

“Waa hubaa.”

“Oo markii hore ma naga qarinaysay? Maxaad noo tiri ma garanayo?”

“Markaas ma xusuusanayn, hadda Xaajiyaddaa i xasuusisay.”

“Maxay ku tiri?”

“Gabar Maana-Faay la dhoho hadday ku weydiiyaan, ma noo imaan dheh.”

Labadii marwo afar indhood oo shaki iyo dareen la waaweynaaday baa la isku eegay.

“Adigu goormaad aragtay?”

“An waxaan arkay fiidkii idoo bersadda fadhida, oo Xaajiyaddu dhar beec eh tustusayso. Bes, haddana lamadooda waxay galeen qol oo niman iyo gabdho ku qayilaayeen. Ka bacdi Xaajiyaddii aa ka soo baxday, waxay i dhahday, ‘Wixii Maana-Faay ku weydiiya, hadday dumar yihiin way baxday dheh, hadduu wiil maarriin ah yahayna qolkaas u gudbi.’ Bes ka bacdi wiilkii aa imaaday, qolkii aan dhahay u gudub. Haddana isaga iyo gabartii wali meehii lee iskula qayilayaan!”

Inta hore sidii ay u aragtay bay u warisay. Gaba-gabadana sidii ay u qaadatay bay u sheegtay. Ilaa hadda waxay u haysataa gabadha Maana-Faay la leeyahay in ay islaantu u fataalaysey wiilka maarriinka ah, ee loogu tala galay in uu habeenkaas la qayilo. Markii Axmed qolka ceebeed ka soo noqday Faadumo-Yarey ma arkayn.

Afartii indhood oo ciil iyo amankaag la sii weynaaday, baa mar kale is eegay.

“Aaway hadda iyaka? Intee ku jiraan?” Leylaa ritim kulul, oo si lama filaan ah uga soo baxay ku weydiisay, sidii iyadoo Faadumo-Yarey canaananaysa.

“Safka midigta, qolka geeska u soo xiga waaye,” bay ugu jawaabtay.

“Waa yahay Faadumo; orod marka adigu, hawshaada iska qabso!” Xaawaa tiri.

“Haye, nabadey, saacaddaan waaba la i daahsadee,” Faadumoo sii dhaqaaqaysaa tiri.

“Haddii Xaajiyaddu na kaa weydiiso, way baxeen dheh, qof kale in aan ku weydiinayna ha u sheegin yaah?”

“Waa yahay.”

Markay ka libirtay bay talo iskala soo hor jeesteen. “Maxaa la qaban karaa?” baa la is weydiiyey. Leyla wayba is madax martay. Wixii loo sheegay bay qaadan kari weyday. Muraara-dillaac bay ku sigatay. Waxay ku gooddiday in ay guriga isu tuurto, waxa u jira qalalaase ka dhex riddo, walaasheed ul uga soo saarto! Tii kale oo ka waayeelsanayd baa yare dajisay, ee ku tiri, “Sharaftaaday wax u dhimaysaa, haddii aad xilligaan xun meeshaas xun ka dhex qayliside, wax yar halka igu sug, anigaa raadinaya tab aan si nabadgelyo ah gabadheenna nooga soo saaree.”

Qolkii Faadumo u tilmaantay bay, “Hoodi, hoodi,” intay tiri, iyadoon jawaab sugin iska gashay. Hawo khamri iyo qiiq sigaar ka buuxaan baa ka hor timid. Judhiiba lablabbaa jirkeeda saaqday. Daqiiqad nuskeed bay intay adkaysatay dadkii qolka ku jiray isha marisay. Haddii ay urka khamriga iyo qiiqa sigaarka u sii adkaysan lahayd, wax ka daran oo ayan u sii dul qaadan karin bay aragtay. Rag iyo dumar is dhex daadsan, dadnimadii ka tegay, da’doodii illaaway, xishoodkii ku dul tuntay. Waxa ay ku kacayaan iyo waxa ay ku hadlayaan isma dhaamaan. Erayo aan qof miyir qabaa dhegaysan karin bay ku hantaatacayaan.

Kuwa hadlayaaba roone, gabadhii ay raadinaysay, meel xun bay bilqan tahay. Halkii ay ku miyir gaddoontay bay wali gorofsan tahay. Xaawo, waxay u qaadatay in ay sakhrad ka badatay la gataati dhacday, ee marqaan xarfa-taraaray meesha la galgalanayso! Intay amankaag afka qabsatay bay lafaheeda la baxsatay.

“Walaaley, naga keen meesha darxumadeeda, middaas samir iyo iimaan Alla ha kaa siiyee!” ayay hadal uga bilowday Leyladii ka dhur-sugaysay. Wixii ay soo aragtay bay si tifaftiran uga warrantay. Leyla guul darradii bay gurigeedii kula noqotay, iyadoo ciil iyo calool-xumo la caga-jiidaysa, dareenkeeduna yahay sidii iyadoo ka soo noqotay qabri lagu aasay walaasheed Maana-Faay!

— 9 —

Maana-Faay garaadkeedii saacadaha badan ka maqnaa wuu u soo noqday. Umana soo wada noqone in yar bay miyirsatay. Indhahay kala qaadday. Afarta gees bay eegtay. Geestay eegtaba gidaar baa ka hor yimid. Waa afar gidaar dhexdood. Waa qol xiran gudihiis. Indhahay marmaratay. Hoos bay dhulka u eegtay. Mise khashin badanaa! Maxaa is dhex daadsan! Qoryo la diirtay gucummadood, sigaar la cabbay gummudyadiis, tarraq la gubay dhuxulihiis, maacuun wax lagu cabbay oo is dhex quban, gogol lagu galgashay oo is dhex bilqan iyo khashinka oo fara badan bay keligeed dhex jiiftaa. San-ku-neefle kale ma weheliyo. Maxay ahayd meel baastani? Intay salashay bay mar qura sara kacday. Saacad u xirnayd bay daymo ku boobtay. Waxba way ka fahmi weyday. Waqtiga iyo meesha midna ma garanayso. Ma habeen baa mise waa maalin? Ma guri baa mise waa cidla? Wuxu ma riyaa mise waaba run? Waxba uma kala cadda. Saacaddii bay mar kale ku noqotay. Aad bay ugu fiirsatay. Afartii bay sheegaysaa. Afartu waa afartee? Ma afartii habeennimo mise tii maalmeed?

Intay boodday bay bannaanka u kudday. Bad mugdi ah baa ka hor timid. Haddaas waa habeennimo. Mugdigii bay ku sastay. Misna iftiin kadis ah baa wac yiri. Mugdigii mar qura kala didiyey. Daaraddii ay dhex taagnayd u muujiyey. Mar labaad bay sastay. “Naa Maana,” ayay midigteeda ka maqashay. Mar saddexaadkii bay sastay. Meeshii magaceedu ka soo yeeray bay madaxa kula boodday. Mise waa islaan buuran oo qof hoosta laga furay albaabki unuunka ka soo jeedda.

“Eeddo ma toostay? Kaalay sariirtaan ii seexo, ka gal dhaxanta, yaadan iga hargabsane!” Beyddan Shabeel baa u raacisay, iyadoo bannaanka u soo wada baxaysa, guntiinadii ay ku huruddey nuskeed ka daba jiitamayeyna kor u aruursanaysa.

Maana markay qofta la hadlaysa aqoonsatay, ayaa ugu horraysay garasho ay garato meesha ay joogto. Sidii ay meeshaas ku timid bay gocatay. Wixii habeenkaas ku dhacay bay garwaaqsatay. Filinkii foosha xumaa bay xasuusteedu ugu soo celisay. Muddo aan hal ilbiriqsi ka badnayn ayay muuqaallo midba midka kale ka kharaar yahay maskaxdeeda isku jiireen. Qol xiran oo qiiq ka buuxo. Joodariyaal dhulka goglan. Niman iyo naago hoosta isaga jira oo cagaar ruugaya. Cagaarkii oo iyada loo dhiibayo. Nin dhuunta ka soo galay oo war ku daldalaya. Qof si lama-filaan ah dalaq u soo yiri. “Alla waa Axmed! Macaane!” Balow! Dharbaaxo xiimaysa. Bac! “Aaa! Alla ba’ayeey!” ayaa lagu war helay.

Sidii wax daqiiqaddaas ku dhacay bay qarracan kadis ah la qaylisay. Fiidkii markii ay Axmed indhaha saartay, farxad bay la argagaxday. Hadda markay in uu ka carooday xasuusatayna, fajac iyo naxdin bay la argagaxday. Meesha uu ugu yimid ugana tagey fool-xumadeeda ayaa ka sii argagixisay.

Fikradda xun ee uu ka qaatay baa fajac ku ridday. Baroorteedii baa dad dhawaan seexday hurdada ka soo salaleen. Kuwo marqaan la heesayeyna, intay xiddigaha ka soo dageen, dhegaha taageen. Daris hurdo bogayna hareerahay ka soo baxbaxeen. Meeshii Maana baroorta kula dhacday baa lagu soo xoomay. Wax kasta waa la isku dayey si qofta xilliga xun barooranaysa, qayladeeda la isaga aamusiyo. Hadal ay ka yeesho daaye, hilibkooda way karin lahayd, hadday awooddo. “Muslin haddii tihiin, meehaan mar iga wada,” ayay ku adkaysatay. Calool nuglaa! Cidda wadaysaa yay tahay? Sow tii hore loo yiri, nin ku dilay har kuuma jiido!

Dhawr jeer bay bannaanka hollisay. Haddana ku dhiirran wayday in ay xilligaas luuqyada mugdiga ah isku biimayso. Meesha ay joogto iyo meel ay uga dhaqaaqdana ma kala garanayn. Maabku waa ka khaldanaa. Dadkii qayladeeda ku soo baxay, tartiib-tartiib bay qolalkoodii ugu laabteen. Iyadu qol dambe in ay foodda geliso, way ka dhaaratay. Beyddan Shabeel intay nalkeedii dansatay albaabkeediina xiratay bay sariirteedii ku laabatay.

Maana xagal mugdi ah oo jikada ku dhow bay garka iyo labada low is gashatay. Hal qof baa agteeda ku soo hartay. Waa Faadumo-Yarey oo ay oohintii ku daaratay. Markii hore dadkii Maana ku hareeraysnaa duleedkooday murugo la taagnayd. In ay ku soo dhawaatee ilmada ka tirto jeclayd, misna ku dhici la’ayd. Canaanta Beyddan ee cadaabka ka kulul bay ka cabsoonaysay. Waxa Maana ka ooyayso aad uma fahmin, waxayse dareentay in ay dulman tahay, arxan iyada uga sokeeyoo u jixinjixayaana jirin. Abuuris si dahsoon ugu beeran ayaa dareensiisay isir labadooda ka dhaxeeya, ehelnimo hiil uga baahan, aayatiin isugu xiran. Diir ay wadaagaan baa dubaaxiyey. Meel baa danqatay. Ilmaa ka daadatay!

Waa run, danyarta loo xoogsheegto iyo inta la dulman oo idil, waa isku isir. Diir baa isugu yaal. Dantoodaa mid qura ah. Mid ahaanta cadowgoodaa iyagana midaysa, in ay meel uga soo wada jeestaanna ku khasbaysa. Kuwa Maana-Faay shirqoolaya, saqda dhexe ka oohinaya, dadkeedii ku diraya, mustaqbalkeeda ku joogjoogsanaya, kuwaas danahooda aad u qiimaha yar daraaddood qof dhan u dilaya; waa isla kuwa Faadumo-Yarey faqriga haysta ka faa’iideysanaya. raashinkooda luflufkiisa ku addoonsanaya, saboolnimada ku xaqiraya, sida dadnimada ka baxsan ula dhaqmaya.

Iyadoo guntiinadeedii darfaha jeexnayd ku duuduuban ayay Maana-Faay soo hor kadalloobsatay, markii loo firaaqeeyey. Intay jilbaheedii wajigu ku dhex aasnaa hal gacan ku cuskatay, gacantii kalena madaxa ugu salaaxday, ayay cod naxariistii ifka la keenay ku idishahay ku tiri, “Maana! Aamus hee abbaaye macaaney!”

Cod-malaa’igeedkaas ayan meesha ka filanayn, Maana wuxuu ka taabtay meel halis ah. Wajigii aasnaa ayay tartiib jilbaha uga soo dhex saartay. Indhihii ilmadu ka da’aysay bay kala qaadday. Waxay aragtay noolahaas tabarta yar, daacadnimada la ilmaynaysa, mugdigii looga kala tagey madaxa u salaaxaysa, dhaxanta iyo cidladana u aaba yeelayn. Muuqaalkaas laxowga iyo la yaabka leh baa laabteeda gilgilay. Wax jiriirico la moodaa jirkeeda mar wada saaqay.

Intay ilmadeedii illowday bay tii dhabanka Faadumo ka tifqaysey sacabka marisay. Isweheshi gacalnimaa laabtu isu guuxday. Sidii hooyo iyo ilmaheed muddo isu hiloobay baa hab la isa siiyey. Iyagoo hoosta isaga jiraa mid waliba tii kale, dhabankeeda illinta ka qallajisay. Faadumo barandadeedii jikada u dhex tiil bay Maana ku martiqaadday. Tartiib-tartiib baa la isu waraystay. Mid waliba tii kale u xog warrantay. Faaduma-Yarey baa bilowday. Kadeedka ay ku nooshahay bay jaalkeeda uga sheekaysay. Dhibaatadii qoyskooda ee kadeedkaas badday bay u faahfaahisay. Si ay ugu tacsiyayso ayay tusaalaynaysay in ay jiraan dad badan oo ay haystaan dhibaatada ay la ooyayso kuwo ka waaweyn, isla markaasna aan ooyayne, iyagoo aamusan guclaynaya.

Maana-Faay midhkaas way garaysatay, markeedana Faadumo u tacsiyaysay, ka dibna uga warrantay wixii ku dhacay ee xilligaas ka oohiyey. Sheekadii jacaylkeeda oo idil bay dabada u qabatay. Iyadu kuma tala geline afkeedaa iska hadlayey. Waa dabeecad lagu yaqaan dadka wax jecel. Mar kastoo ay sheeko afka u kala qaadaanba, qalbigoodu wuxuu u jiitaa in ay ka sheekeeyaan jacaylkooda. Ruuxii naftu jamatay bay ku hadaaqaan. Had iyo jeer ka sheekeeyaan. Qofka ay uga sheekaynayaan waxa uu yahay uma aaba yeelaan; in uu sheekadaas danaynayo iyo in kale ma tixgeliyaan. Nafsadda wax jecel uun baa intaas nafis ka dhuganaysa.

Maana-Faay, gabadhii yarayd ee ay martida u ahayd wax walba way u sheegtay. Wiilka ay jeclaatay, kii ciddoodu siisay, sidii ay u diidday, guriga walaasheed ee ay ku soo carartay; xitaa meesha uu ku yaal guriga Leyla way u tilmaantay; sidii ay Beyddan Shabeel isku arkeen, dharkii ay ka soo doonatay, sidii ay qolka lagu qayilayo ku galisay, gacaliyeheedii Jilib ugu maqnaa ee kadiska ugu soo galay. Dharbaaxadii uu ku salaamay, meeshii ay ku dhacday.

Halkaas markay maraysay bay oohintii ay cabbaar ka nasatay la muraara dillaacday. Faadumo-Yarey oo la moodo in ay labadooda iyadu weyn tahay baa mar labaad aamusisay. Markaan aad bay u fahamtay mushkiladda Maana ka oohinaysaa waxa ay tahay. Uur-ku-taalladii ay ku daaratay iyo umalkii ay Beyddan Shabeel u qabtayna way sii laba jibbaarmeen.

— 10 —

Wehelkii Faaduma-Yarey, wuxuu Maana-Faay ku caawiyey in ay halkeeda ku sugto labadii saacadood ee habeenka ka harsanayd. Laba sanoo cadaab ah way kala cuslaayeen. Dildillaaca waagu markuu dariiqyada kala tusay bay intay Faadumo-Yarey dhabannada ka dhunkatay lug isku taagtay. Qorraxdoon wali soo bixin bay gurigii mitir-kubbada ahaa albaabkiisii duugga ahaa xoog u garaacday, iyadoo indheheeda guduutay masar ilmo qoysay ku qarinaysa. Waxay tiigsanaysay in ay walaasheed u habar wacato, ee wixii ku dhacay uga warranto, si ay ugu soo gurmatee, gacan u siiso.

Leyla warba kama sugine, markay muuqeeda aragtay bay is madax martay. Waji kaduudan iyo indho kulul bay kala hor timid. Wax xun intii afkeedu haleelay bay u taana-taanaysay, “Wajigaada i doori, isla-wareegyahay, aalkolistada eh! Bax meehiid saacaddaan ka timid ku nakho, mar dambena agtey yaan kugu arkin!” ayay ugu soo gabagabaysay, iridkiina ka xiratay!

Miskiintii tabaalaysnayd albaabkii xirnaa bay oohin la ag fariisatay. Intii ay ku qaadatay ma garan karto. Mar dambaase fikradi ku dhalatay. Far iyo suul bay isku taagtay. Gurigii Axmed bay ku fara baxsatay. Intuusan shaqo aadin ku gaar! bay is tiri. Haddaayey, markii ay walaasheed ku soo ordaysay waxay is lahayd iyadaa kuu maslixi doonta, sidii wax u dhaceenna ka dhaadhicin doonta. Hadda markii Leyladii ka dartayna, labadiinnaa is hudhan bay is tiri.

— 11 —

Axmed habeenkaas hurdo laba indhood isuma geyn. Isagoo sidiisii u labbisan, siduu sariirta iyo kursiga marba mid isugu dul xoorayey, sidii neef la gowracay, ayaa waagu ugu baryey. Markaasuu gurigii ka baxay. Bannaankii uu baabuurka shaqada isu taagi jiray buu u baxay, saacaddii uu soo mari jiray oon dhaweyn.

Isagoo halkii dhulka faalinaya, Maana-Faay oon ilaa xalay daqiiqadna maskaxdiisa faaruqin la doodaya, sidii uu isu illowsiin lahaa ka fakaraya, ayuu hortiisa dhaqaaqilyo ka dareemay. Indhuhuu kor u qaaday. Mise maansha-Allaah! Maana-Faay qudheedii baa meel aan fogayn soo leeg-leegsanaysa. Sidii ruux koronto qabsatay buu u gariiray. Jiriiricaa jirkiisa dhammaysay. Waxay la noqotay in dhuuntu xirantay, dhiiggii halbowlayaashiisa meeraysanayeyna meeshiisii ku dhagaxoobay. Wuxuu dareemayey laxow silloon oo uu u kala garan waayey naxdin, farax, caro, rayn-rayn iyo cabsi mid uu yahay. In uu intaba isugu jirayna u dhow. Wixii uu fali lahaa baa wareer hor leh ku noqday. Waqti uu ka fiirsadana maba haysto.

Boqollaal go’aan oo midba mid burinayo ayaa muddo aan hal ilbiriqsi ka badnayn maskaxdiisa isku jiray. Qalbigiisa wax jecel iyo qabkiisa nin ahaaneed baa midba dhinac u jiidanayaa. Qalbigu wuxuu ku boorrinayaa, Haddii gacaladaadii aad gocashadeeda hurdo gama’ la siin wayday, hoygaaga kuugu timid, hoodo iyo nasiib weeyee, ka hortagoo hab soo sii! Markuu u hinqadee hiyiga la kaco, ayaa qabka qayladiisu xakamaha ku qabanaysaa, Yac! Ma qoftii xalay fadeexaddaad ogayd ku dhex jirtay, horena warkeedu kuu soo gaaray baad hoosta soo gashanaysaa, ee hawo dambe kaa haysaa? Dhiiglaawe! Haddaad dhimanayso dhareerka waa la iska duwaa!

Guubaabadii qabka ayaa gocashadii qalbiga ka adkaatay. Intuu jinniyo isku riday buu jahadii ay ka soo socotay maahee tii kale u dhaqaaqay. Waa balaayo ay horeba u filanaysaye, intay awood wixii ku harsanaa addimada isugu geysay bay ka daba orodday. Waa isku dayiddii ugu dambaysaye, qoob iyo qaylay isugu dartay, “Macaanow waa ku tuugaayaaye, halkoo mar lee i dhagayso, ka bacdi wixiid rabtidba samee!” ayay cod in oohini soo hayso la moodo kala daba tannaagootay. Oraahdaas sida ay u tiri iyo halka ay erayadu ka soo go’ayeen, ma aha wax lagu tilmaami karo afka aynu naqaan! Axmed Jaamac qalbigiisa halkii ay ka sareen iyo xanuunkii ay ku reebeenna, isaga uun baa garanaya! Siiba erayga ‘Macaanow!’ ayaa sida fallaartii halkii bugtay toos u beegsaday, laabtana balbaliyey. Wuxuu ku sigtay in uu gabigiisuba dhalaalo, sidii baraf dab la saaray! Wuxuu dareemay quwad ka xoog badan oo xagga gabadha u jiidanaysa. Waxaase taako u noqday gaarigii shaqada oo isla daqiiqaddaas isa soo ag taagay.

Awood kastoo uu isku sii adkayn karo intuu isu geystay, qayladii qabka iyo tii gaarigana kaalmaystay, ayuu cod gariiraya gabadhii ka daba qaylinaysay ugu jawaabay, “Iga daba har baan ku iri, hadalkaygana ii daa isma naqaan aniyo adigu! Orod wax ku yaqaan Siinaay ka raadso, anigu qaad ma cuni aqaane!” baabuurkiina hore ka fuulay, horena ka dhaqaaqay!

Habaas iyo hungo ayaa Maana-Faay u soo haray. Hoog adduunka jira oo kaas kala weyni subaxaas mugdiga ah ma jirin. Ilayskii hididiilada ee u dambeeyey baa ka damay. In ay oydo xitaa way tahli wayday. Horay baa illintii uga dhammaatay. Afarta jaho xaggee bay u dhaqaaqdaa? Yay u ciirsataa? Ciddoodii horay bay u kala dhinteen. Leyladii ugu roonayd waa tii saaka albaabka ka soo xiratay. Ninkii ay aawadi isu biimaysay, arooskeedii u burburisay, aabbeheed ugu gacan sayrtay, udub-dhexaadkii nolosheeda ka dhigatay, waa kaas saaka cidla ciirsila’da uga dhaqaaqay. Erayadiisii kharaaraa baa weli maskaxdeeda ka dhawaaqaya, dhibaato aan la koobi karinna nafsaddeeda ku haya. Cajalad aan dhammaanayn baa ugu soo celcelinaysa, “Iga daba har baan ku iri! Isma naqaan! Orod wax ku yaqaan Siinaay ka raadso!” Midba mid ka kharaar. Kan dambaase ugu daran, “Orod wax ku yaqaan Siinaay ka raadso!” Uur-ku-taallo weynaa! Saanna ma ii dambaysay? Ma maantaa la igu daray dumarkii Siinaay laga sheegayey, ee qaadka iyo tumashada meheradda ka dhigtay? Alla anaa iska dhintay! Yaa ii sheega dambi aan galay oo dulmigaas ku mutaystay? “Orod wax ku yaqaan Siinaay ka raadso!” Alla anaa iska dhintay! Bes waaye adduunkaan aniga! Inteen aadaa? Bes waaye aniga! Aaway farmashiye? Farmashiye! Farmashiye! Bes waaye! Bes waaye!

Farmashiyihii u sokeeyey bay is dhex taagtay.

“Aboo sunta cayayaanka ma haysiin?”

“Haah,” intuu yiri buu shelfiska ku jeestay, si uu u soo bixiyo.

Iyaduna dib bay isugu noqotay si ay lacagta ugu soo bixiso. Boorsadeedii bay haab-haabatay. Mise maxaad ii dhiibatay? “Aaway boorsadaydii?” Iyadoon farmashistihii war dambe ku celin bay ka baxday. Waa in ay boorsadii heshaa. Xaggee bay ku soo illowday? Meeshii ay markii Axmed ka tagay fariisatay bay ku noqotay. In ayan saakoo dhanba boorso sidan bay xasuusatay. Wax ay hubtaana ma jiraan. In ay guri-baaskii xalay ku soo illowday bay malaysay.

Malahaasaa sax ah. Soo illaawid keliyase arrintu ma ahayne, Beyddan Shabeel baa kas iyo maag uga qarisay, intii ay suuxsanayd. Waxay ka dhiganaysay rahaamad Maana-Faay mar kale guriga ku soo celisa. Waxaa ku jirtay lacagtii loogu soo dhiibay in ay dhar ku soo iibiso. Lacagtaas ka sokow, waxaa ku jirtay alaab Maana qiime weyn u leh oo ay is tiri kama maaranto. Shayga dhab ahaan Maana ugu qiime badnaa, in ay ka maarantaana ka suurtoobin wuxuu ahaa masawirka Axmed Jaamac!

— 12 —

Subaxdaas Khamiisaad ee qofba si waagu ugu baryey, Beyddan Shabeel hore uma toosin. Soo jeedkii xalay baa sariirta ku daahiyey. Goor ay barqadii tahay bay walwal la soo boodday. Qalawdii u horraysayba waxaa ku soo dhacday shimbirtii qoolkii ka baxday! Qoftii baxsatay!

Iyadoon wali aad u baraarugin, musqul iyo meel kalena ku leexan bay daaradda ku soo hanbabartay. Hareerahoo idil bay indhaha ku taagtaagtay. Mise maxaad ii dhiibatay? “Naayaa Faadumo,” bay si dhiillo ku jirto ugu qaylisay.

Xalay mirtii dhexe, markii ay Maana-Faay oo murugo iyo ciil la ilmaynaysa daaradda uga hoyatay, waxay ku seexatay in ay aroorta hore soo kacdo, si kastoo ay yeeshana ku dadaasho in aysan gabadhaasi gacanteeda ka bixin, ilaa inta ay gaarsiinayso ninkii ay ka gadaysay. Ka dib wixii doonaaba ha dhaceen, iyada waxba kama gelin; mar haddii ay heshiiska dhankeedii oofisay, ‘gunnadii’ ay ‘mutaysatayna’ gacanta ku dhigtay!

Haddii ay waqti habboon toosi lahayd, way hubtaa in aysan tab iyo xeel weydeen. Haddase hurdadii baa khatashay. Waa tanoo qoftii ay toddobaadkaan oo idil ku hawlanayd xeradii waa hungo! Ballantii Jimcadana waa caawa. Iyadoo dhiillaysan bay marada dhegta qabsatay.

“Naayaa Faadumo! Meeday jinni-la-tegtii miskaha xumayd? Naa kumee, naayaa?” Faadumo-Yarey oo aan waxba galabsan bay hiifaysay, sidii caadada u ahayd.

“Heeh! Way kan!” bay tiri, intay jikada ka soo baxday.

“Aaway gabadhii?”

Inkastoo ‘gabdhuhu’ fara badan yihiin, haddana Faadumo-Yarey way garatay midda la waydiinayo. Iyadoon “gabadhee?” waydiin bay ugu jawaabtay, “Waa baxday.”

“Way baxday aa? See ku bixi kartaa? Goormay baxday?” Beyddan baa is daba dhigtay. “Xaggee bay aadday? Way baxday, way baxday. War miyaa way baxday? Naa maxaad ii kicin wayday markay gabadhu baxaysay? Maxaad qabanaysay waa adiga rifrifka leh sidii yaanyuur macaluushaye?”

Bal maxay waxaasoo cay iyo canaan ah ku mutaysatay? Ma gabadhay iyadu bixisay, mise awel bay kala ballantay in ay kiciso ama gabadha celiso? Faadumo-Yarey su’aalahaas iyada uun baa hoos isu waydiisay. Beyddanse ma waydiin, mana waydiin karto. Waxay waaya-aragnimo u leedahay hal eray oo ay ku soo celisaa inuu u soo jiidi karo hal maalin ama hal toddobaad oo kadeed ah! Intay aflagaaddadeedii iska liqday bay sideedii iyadoo aammusan hoos u hogatay, sidii qof danbiga lagu eedaynayo qirsan!

Barqadaas oo idil Beyddan way xanaaqsanayd. Canaanta Faadumo-Yarey afkeeda uun baa isaga bartaye, uurka kama jirin. Canaanta dhabta ah iyadaa isu jeedinaysay. Waxay isku dhaliilaysay sida fudud ee gabadhii faraheeda uga siibatay. Waxay ka walwalaysay in Jaamac Dhegay oo ordayaa fara marnaantaas ugu yimaado, ama ugu yaraan talefoon u soo diro. Maxay ugu jawaabi doontaa? “Barnaamijkii Jimcada caawa waa baaba’ay!” af ay ku tiraahdo ma qabto. “Waa jiraa,” cid ay ku tiraahdaana gacan uguma jirto. Xaggee bay Maana-Faay mar labaad ka dooni kartaa? Shaki la’aan waxay jirtaa gurigii walaasheed Leyla. Waa qoftii ay xalay wixii la ogaa ku dhigtay. Aadis ay gurigeedii ugu tagto iska daaye, daqiiqad kasta waxay wadnaha farta uga haysaa weerar godkeeda ugu yimaada oo ay ku soo qaadaan Leyla iyo eheladii kale ee Maana-Faay!

Sarteedii guduudnayd waxay la noqotay goob dakano oo sii joogisteeda khatar weyni ugu jirto. Wardoonka ay Jaamac Dhegay ka filanaysay, iyo weerarka ay eheladii Maana-Faay ka malaysanaysay ayaa ku noqday laba cabsiyood oo aan u kala roonayn. Sidaa darteed waxay ku dhuumatay guri ay daris yihiin, ka dib markay Faadumo-Yarey ballan ku adkaysay, una tilmaantay cidda laga qarinayo, haddii ay yimaadaan ama talefoon soo diraan iyo arrimaha muhimka ah ee haddii ay ka fursan waydo loo baahan yahay in ay uga war keento.

Waxay quud darraynaysay in ay meeshaas ay ku dhuumatay go’aan uga gaarto waxa ay qaban karto iyo qorshaha cusub ee ay Jaamac Dhegay u dajin karto.

Boorsada Maana-Faay ee weli gacanteeda ku jirta, ayaa ugu muuqatay raad rajo fiican laga qabi karo.

Iyadoo dhufayskeedii wali ku dhakan, ee haweenaydii guriga lahayd hadal tiro ku maaweelinaysa, ayay ku war heshay Faadumo-Yarey oo dul taagan.

“Naa haye! Maxaa jira?” Yartii bay waydiisay, intay indho dareen galay ku taagtay.

“Gabadhii waa soo noqotay! Waxay…” Faadumo-Yarey baa ku warrantay.

“Yaah? Soo noqotay aa? Naa ma la hubaa?” Beyddan oo farxad iyo filan-waa la hanbabartay baa hadalkii ka dhex gashay.

“Haa, waa la hubaa. Waxay dhahday…”

“Maxay ku tiri?”

“Waxay dhahday boorsadaydii Xaajiyadda ii soo warso.”

“Yaa la socda?”

“Qofna ma la socoto. Keligeed waaye!”

Beyddan Shabeel wax daqiiqaddaas loo sheegi lahaa oo warkaas uga farax badan in ay jiraan lama ahayn. Intay xaab-xaabsatay bay gurigeedii u laba lixaadsatay. Maana-Faay oo boorsadeedii iyo Faadumo-Yarey daaradda hore ku sugaysa, ayay la soo laabatay. Beer-laxawsi iyo madax-salaax hor leh bay ku asqaysiisay.

“Ii warran eeddo macaan! Aad iyo aad baan uga xumahay wixii xalay dhacay. Dhallinyarada hadda joogta waxaan ku nacay fudaydka iyo hubsasho la’aanta. Nasiib-darro, markuu imaanayey guriga waan ka yar maqnaa. Qolo marti ah baan sii dhawaynayey. Jidkuu iiga hor yimid markuu ka soo noqday. Haddee wuxuu ahaa nin xanaaqsan oo balaayo ku raran tahay. In uu si fiican iila hadlo waa diiday. Waxaan iri war heedhe ha carruuroobine, is daji oo aniga hadal iga maqal, anigaa sida wax u jiraan kaa dhaadhicinayee; qoftaas malaa’igta ah oo la wada og yahayna sharafteeda meel ha uga dhicin, waxaas aad fahamtay Ilaahay kuma jirrabine.

“Markii dambe wuxuu i yiri, ‘Hadda waan wareersanahoo waxba dhagaysan kari mayee, berri Xafiiska iigu imow, wixii jirana markaasaad iga dhaadhicin doontaa.’ Marka haddaan u tagayaa, anigaa soo qancinaya, oo u sheegaya in uu fududaaday oo khalad sameeyey, waliba waan soo canaananayaa, waxaan leeyahay: gabadhii aad u gaftay waa in aad xaal siisaa haddii kale isma sheeganno! Aniga waxba igama diido; anigaa kaa ballan qaadaya in uu caawa ama galabtaba, isagoo xaal-marin kuu wada, kuu yimaado; adigu waad iska sii nasanaysaa, qabqabowgaasaad iska sii cabbaysaa, waad iska qadaynaysaa, qofna isma arkaysaan; ma garatay hooyo? Aniguna haddaan dhaqaaqayaa. Meeday? Naa iigu keen gabadha Faanta qabow iyo mac-macaan! Bal eeg waxa daal iyo diif ka muuqata! Allow anaa magacay ba’ay! Waa qof ay…”

“I makhal eeddo!” Maana-Faay oo intaas oo dhan ka aamusnayd baa markay halkaas maraysay, intay nolol is yare galisay hadalkii ka dhex gashay, “Khado iyo khabkhabow midna ma kaa rabo, minankaana mar dambe lugtey ma geli haayo. Asxaan ii samee, boorsadaydii lee i sii. Wax kale ha ii sameen. Minankaada ma u jeedo. Dhibkiis intii horaa igu filan. Waxaa i gaarsiisay in walaasheyda xitaa i soo buriso, anigoo waxba suubin!”

Walaasheedna waa soo eriday yaah? Oo hadda bannaankayba kuu joogtaa? Fiicanaa, Beydan Shabeel baa uurka ka tiri, afkana intay sii macaanisay cod daacad-iska-yeel ah ku tiri, “Hooyo ha carruuroobin! Anigu waxaan raadinayo ee u dhibaatoonayaa waa adiga maslaxaddaada. Qof maanta wanaag igala kaa jecel ma jirto, maxaa yeelay gabadhaydii baad tahay. Xalayna nasiib-darro aynaan filayn baa dhacday mooyee, sidii aad ku timid waxay ahayd bilic iyo wanaag aan anigu kula jeclaystay in aan dhar gabdhaha asaaggaaga ah kaa sara mariya ku siiyo. Haatanna balaayo ma jirto. Waxba ha ka walwalin. Shayddaanka iska naar. Walaashaa iyo wiilkaagiiba anigaa kaa ballan qaaday in aan isla maanta gacanta kaa soo saaro, oo ay waliba ku xaal mariyaan. Khalad bay fahmeen, anigaana ka saaraya. Boorsadaadiina anigaa meel kuu galiyey; waxaan ka baqay in lagaa xado. Gurigaanna haddii aad kahsatay waan kaa wadayaa buuqiisa iyo rabashkiisa. Waxaan ku geynayaa gabar aan habaryar u ahay guri ay deggan tahay oo iyada mooyee cid kale aydaan is arkayn. Waa fiilo Ilaahay qurux u dhiibay oo indhuhu kuugu doogsanayaan. Gabadhuna waa mid aan Alla qaadin. Waa qof dahab ah oo haddaad aragtid ay kugu soo dhacayso waligaa ha ka agtagin. Halkaasaad sii sugaysaa, inta aan kaaga war keenayo wiilkaa iyo walaashaa. Wax kastoo aad u baahan tahayna halkaasaa gabadhaasi kuugu diyaarinaysaa: qado, qubays, muusik aad walwalka ku ilowdid, wax walba. Haddana wax yar kursigaan ii sii fariiso, Faantadaan iska sii kab kabbo, inta aan boorsadii kuu soo bixinayo gabadhiina taleefan u dirayo.”

Maana, iyadoon haah iyo maya midna oran bay kursigii loo keenay ku fariisatay. Waxaa ku dhalatay in ay u baahan tahay fursad ay uga fekerto buuqii badnaa ee Beyddan ku furtay. Waxay islaanta ugu caraysnayd dhibaatadii gurigeeda ka raacday iyo dhaqankeeda oo ay ka yaqyaqsatay; hase yeeshee wali ma ay garan wixii xalay ku dhacay in uu ahaa shirqool ay iyadu ula-kac ugu abaabushay.

Beyddan intay qolkeedii jiifka dalaq tiri bay talefoon kula boodday. Shan lambar markay wareejisay, ayuu qayliyey talefoonkii gaarka ahaa ee Xafiiska Jaamac Dhegay. Cabbaar buu dhagaystay, ee iska sii watay dooddii iyo awaamiirtii uu ugu jawaabayey qolyo ka hoos shaqeeya oo hor fadhiyey. Mar dambuu si culays iyo qabweyni ku jirto samaacaddii u soo qaaday, isagoo wali hadalkii wata, sidii nin talefoonka quursanaya, ee arrinta uu ku dhex jiraa kala weyn tahay.

“Halow,” ayuu goor dambe ku yiri cod culus oo la moodo in uusan raalli ka ahayn. Mar qura ayuu dadkii hor fadhiyey ka yaabsaday. Waxay arkeen ninkii cuslaa oo intuu baal ka fududaaday, mar qura farxad kadis ah kula qayliyey, “Weey! Ahlan wa-sahlan! Ii warran Beyddan! I sug wax yar!” Intuu is qabtay, oo talefoonka afkiisii sacabka saaray buu dadkii hor fadhiyey ku yiri, “Waxaad yeelaysaan; hadda hawlo badan oo degdeg ah baa ii yaale, hal saac ka dib isu kaaya keena! Iridka ii sii xir Sahraay, cidina yay ii soo gelin!” Xoghayntiisii oo dul taagnayd buu amarkaas ku diray, haddana talefoonkii ku laabtay, “Iga raalli ahow, qolyo ila joogay baan hawlo u kala dirayaye. Ii warran Xaajiya! Haddaan niyadda kugu hayey. Waad cimri dheer tahay. Borobiyo talefoonka markaan qaadi lahaa buu soo qayliyey. Haddaan rabay in aan ku soo waco, si aan u ogaado barnaamijkii caawa, arrintii halka ay marayso. Kolley barnaamij Beyddan badrooniyad ka tahay in uu najixi doono waan isaga kalsoonahaye, keliya waxaan rabay in aan ku weydiiyo saacadda aan is keenayo; haddase waxaan ku faraxsanahay in aad adigii i soo wacday. Sida kale? Sow iima ladnid?”

“Dhagayso, ladnaantaas waa la iiga daran yahaye!” Beyddan baa markeeda buuggeedii la kala baxday, “Barnaamijkii waa diyaar, kow dheh!”

“Hayeh? Waan iska garanayaaye, hadda maxaan kulahaa! Iiga warran qorshihii xalay?”

“Jartii xalay waa lagu guulaystay wax waliba waxay u dhaceen sidii loogu tala galay.”

“Wanaag!”

“Cunuggii aan kuu sheegayey xalay buu shadeeftiisa qaatay; qoftii iyada ahayd maanta adigay bannaanka kuu joogtaa, iyadoo biyo dahab la moodo!”

“Ilaah baan kugu dhaarshaye gacanta ma ku haysaa?”

“Wallee daqiiqaddaan aan kula hadlayo aqalkaygay dhex fadhidaa; codka aan gaabinayo iyadaan ka qarinayaa.”

“Ii dhiib gacanta! Ka marag in aad qof nool tahay!”

“Waliba si ay si buuxda noogu soo xera gasho, walaasheed intaan ku diray bay gurigii ka soo cayrisay, wixii dambi ah Alla ha naga cafiyee! Waxaan rabaa in aad gashid aroos yar oo khudba-sireed ah, ilaa inta aad sanka ka keenaysid fetamiinkaas macaan.”

“Feri guud! Feri guud! Warde waa sidaan kaa filayaye.”

“Hadda anigu horaan kuu iri: Meeshaan kaa jiro dabayli kaa soo geli mayso! Adiga uun baan kuu shaqeeyaa; nin aan adiga ahayn in aanan waxaas iyo wax u dhow midna u sameeyeen waataan curadkayga waayaa!”

Jaamac Dhegay qosol baa ka soo baxsan gaaray. Wuxuu ku sigtay in uu yiraahdo, “Curadkaagu nasiib daranaa, haddiiba uu jiro, imisa nin baa maalin walba sidaas loogu dhaartaa, si lacag looga godliyo.”

Mase orane intuu uurka ku ceshaday buu afkana nifaaq keedii u dhigma ka yiri, “Maxaad u dhaaranaysaa Xaajiya, ma taasaad aniga ii sheegaysaa, meeshaydaan ku fadhiyaaye, abaal-gudkeediina diyaar baan la ahaye; ii wad qorshihii arooska yar.”

“Dhagayso, Fiilladii Cagaarnayd sow inoo cidla ma aha?”

“Boqol fiilloo cagaaran baa inoo cidla ah.”

“Halkaasaan qorsheeyey in aad kula aqal gashid.”

“War dhammaaday weeye.”

“Haddaba laba arrimood oo yar-yar keliyaa adiga lagaaga baahan yahay; hawsha inteeda kale aniga igu daa maal iyo muruqba.”

“Maxay yihiin labada arrimood? Wixii la iiga baahan yahay oo dhan ii sheeg, diyaar baan u ahaye!”

“Mayee waxba lagu dhibi mayee, arooska dhibta waa laga ilaaliyaa, illayn ‘hawl’ culus baa sariirta ku sugaysee!”

Qosol dheer baa lagu wada dhuftay, Beyddan baa kala goysay ee tiri, “Kow dheh, kaftanku ha ii dambeeyee, sac baa raaf igu hayee, waxaa lagaa rabaa in aad shaqaalihii Fillada Cagaaran amar degdeg ah siisid. Hadda talefoon u dir, waxaad tiraahdaa: hablaha idiin imaan doona soo dhaweeya, guriga u fura, qado la yaqaanna ha loo sameeyo.”

“Taas gartay. Haddaan amrayaa. Ka walwel la’aw!”

“Waxaan ugu warramay gabar aan habaryar u ahay baad maanta la qadaynaysaa, marka waxaan rabaa gabdhahaygii baxbaxsanaa middood intaan fillada u sii diro, in aan iyadana ka daba geeyo, ee ay halkaas ku soo dhawayso sidii qof guriga deggan; ilaa maantana ku maaweeliso inta ay ka qalo-goynayso; illayn qoftu waa iska carruuroo wixii xalay qabsaday bay wali la calool xuntehee! Ma i af garatay?”

“Aad iyo aad.”

“Adiga iyo saaxiibbadaa midkood fiillada dhankeeda kale iska soo harsada; laakiin ilaa gabbal-gaabka ha is tusina. Calaa kulli xaal, intaas ka dib, qorshuhu si uu u socon doono, innagoo wada joognaan isla habeyn doonaa, hadda talefoonka kuma wada dhammayn karno; anigaa goor dhow Xafiiska kuugu imaan doona. Hadda fiilladii talefoon u dir, anigana gaari aan ku shaqeeyo ii soo dir!”

“Waa yahay.”

“Xoogaa gabdhuhu waxyaalo yar-yar oo ay u baahan yihiin ku sii gataanna shufeerka ugu soo dhiib, waxa kaloo dhan anigaa dabbarayee!”

“Waa hagaag! Waxa kale adigu dabbar!” buu afka ka yiri, isagoo uurka ka gunuunacaya ee niyadda ka leh, Waxa kale anaa dabbaraya ku te! Maxaad kaloo dabbaraysaa i cayraysaye? Maxaadse gabdhaha masaakiinta ah u hafraysaa? Lacag aan soo dhiibo in aadan la socodsiinayn waxna ugu gadayn halkaygaan ku fadhiyaaye! Iska wad kollay maanta halladaad baad igu haysataayoo kawaankaan kuu saarnahaye!

Intii Bayddan talefoonka ku hadlaysay, Faadumo-Yarey waxay ugu dhakanaysay bersadda u furan qolka jiifka ee talefoonku ku jiro. Wixii ay ku hadlaysay eray-eray bay u maqlaysay. Markii Beyddan qolka u gudubtay ka dib bay Faadumo bersadda soo gashay. Armaajo bersadda taal bay alaab jikada uga soo doontay. Arrinta Beyddan ka hadlayso markay maqashay bay aad u danaysay. Armaajadii bay hoos fariisatay, indheheedii alaab been-been ah ku jeedisay, maankeedii iyo maqalkeedii oo dhanna hadalka qolka ka yeeraya ugu dheg raaricisay.

Eraygii ay maqashaaba amankaag iyo uur-xumo is-huwan buu ku sii kordhinayey. Markaas ka hor arrinta Maana-Faay jaahwareer bay ku ahayd. Ujeeddada Beyddan uga dan leedahay bay garan la’ayd. Hadda uun bay wax waliba u caddaadeen, markay dhacdooyinkii oo idil isu geegeysay. Markaan uun bay fahamtay shirqoolka loo dhigayo ‘saaxiibteeda’ cusub runtiisu waxa ay tahay. Ciil iyo calool-xumo hor leh bay faruurta dhexda ka qaniintay. Illayn wixii hore ee Maana xalay ka ooyeysay waxba ma ahayn! Tan loola soo dhakan yahay aaba ka daran! Alla yaa u diga miskiinta! Yaa yiraahda minankaas ha isku tagin! Yaa dhaha wali waa caymataaye meesha ka carar! Sug, intaan duqdu soo bixin aan u soo sheego!

Intay xagga iyo xagga iska fiirisay bay iridka ‘furdux’ ka tiri, iyadoo wadnuhu ‘jugjug’ leeyahay, sidii tuug aan waaya-arag ahayn oo aqalkii ugu horreeyey udhacaya! Iyadoo daaraddii Maana fadhiday ku sii ordaysa, ayay gadaasheeda ka maqashay cod ay neceb tahay oo ku tannaagoonaya, “Naayaa Faadumo.”

“Heeh!” meeshay ka oran lahayd “haq” intay tiri bay halkeedii ku qallashay! Dhawaaqaas ka daba yeeray, halkii uu nafsaddeeda uga dhacay haddii xabbadi uga dhici lahayd, way uga dhaawac yaraan lahayd! Waxay la noqotay, wixii maankeeda ku jiray in ay Beyddan daalacatay, dhawaaqeedaasina yahay yaa ku yiri war sheekood oo sirtayda kashif? Dhulka iyo cirkuba intay la wareegeen, bay ku sigatay in ay dhacdo! “Naa kaalay dukaanka alaab iiga keen!” bay haddana gudaha ka maqashay. Amarkaas dambay ku yare degtay.

Intii ay dukaanka ku maqnayd oo dhan, waxay ka fekeraysay sidii ay ku heli lahayd fursad ay Maana-Faay ugu digto, inta goori goor tahay. Waxay ka raja qabtay in ay fursaddaas heli doonto inta islaantu ku hawlan tahay gaariga ninkii ay la hadlaysay u soo diri doono iyo gabadha ay u sii diri doonto ‘Filladii’ ay sheegaysay.

Waa arrin suurta-gal noqon lahayd, haddii Faadumo dhakhsan lahayd; laakiin dukaanka loo diray oo fogaa ayaa u diiday in ay soo dhakhsato.

Intii ay maqnayd ayuu baabuurkii yimid, Beyddan sii yare raacday, Seynab oo guri aan fogayn joogtay ku sii dartay, dardaaran buuxana siisay, ka dib gurigii iyo gabadhii ku soo laabatay. Faadumo-Yarey waxay timid goor waxaas oo dhammi dhaceen, gaari intuu Seynab Filladii Cagaarnayd geeyey, jidka ku soo jiro, Beyddan intay Maana-Faay gambar soo ag dhigatay, maaweelis iyo madax salaax la ag fadhido.

— 13 —

Sahra Yuusuf Talaadadii iyo Arbacadiiba imtixaan bay ku mashquulsanayd. Maana-Faay iyo cid kaleba uma kansho helin. Barqadii Khamiista, markii quraacda loo soo baxay bay is tiri, Qoftii saaxiibtaa marna dumaashidaa ahayd waad moogaataye maanta ka war doon. Waa in ay ka waraysataa walaasheed Leyla. Talefoon bay qabsatay. Markay shan lambar wareejisay, ayay macallimiintii ag joogtay maqleen iyadoo leh, “Maalin wanaagsan! Walaal waxaan rabi lahaa in aan la hadlo kalkaaliso Leyla Xaaji Muumin?”

“Walaal, qolka qalliinkay takhtarka kula jirtaa, mana looga yeeri karo!” ayuu cod dhaddigeedkii talefoonka ka qabtay ugu jawaabay.

“Waa hagaag,” intay tiri bay sammaacaddii dhigtay. Haddana intay qaadday bay shan lambar oo kale wareejisay; in yar ka dibna tiri, “Sow ma aha Warshadda Muraayadaha? Maalin wanaagsan! Walaal bilisxaanak ma ii sheegi kartaa Injineer Axmed Jaamac in uu Jilib ka soo laabtay iyo in kale?”

“Haa walaal, shalay buu soo laabtay, haddase ma joogo, maanta wuu yare fahma darraayoo goor dhawayd buu fasax qaatay.”

“Mahadsanid!”

“Adaa mudan! Soo dhawow!”

Aad bay ugu faraxday imaatinka Axmed. Xil culays weyn ku hayey buu ka furanayaa. Go’aan deg deg ah bay gaartay. Waa in ay galabta wax badan qabataa. Axmed iyo Maanaba isu martaa. Mashruucii isu guurintooda u hawl gashaa. Wixii dhacay Axmed uga warrantaa. In arrinta la dadajiyo ku guubaabisaa. Dib-u-dhigasho dambe waa dhammaatay. Isla caawa waa in gabadha cidda la soo baraa. Maana-Faay quruxdeeda iyo qiimaheeda abti Jaamac la soo tusaa. Wixii maanta ka dambeeyana loo aqoonsadaa qof rasmi ahaan uga tirsan qoyska reer Jaamac Dhegay.

Waalidkeedna dan baa loo heshiin doonaa. Jacaylka iyo rabitaanka labadooda ayaa wax kasta ka adag. Maalintaas oo idil Sahra qorshahaasay qaadaa dhigaysaa, marba wax ka baddelaysaa, wax ku daraysaa ama ka dhimaysaa.

Afartii galabnimo ayuu Axmed Jaamac ku naxay gacan dhiirran oo albaabkii uu hoosta ka xirtay ku garaacaysa. Gaw-gawdii buu gansaday. Qofna in uu qaabbilo ma doonayn. Casarkaas Khamiisaad ee isaga u madow, in cidi aragto ama ka hadliso aad buu u dhibsanayey. Cidla-raadis buu maanta shaqadii oon dhammaan uga soo fasax qaatay. Qadona kuma leexane, toos buu qolka isugu xiray. Qarracankii shalay-galab, hurdo-seeggii xalay, qalbi-fuqiddii saaka, isla hadalkii maanta; intaas oo isu kaashatay ayaa caafimaadkiisii wax weyn u dhimay, dhadhankii cuntadana ka dhumiyey. Wuxuu dareemayey culays ku habsaday iyo caafimaad-darro guud oo jiirgo’ iyo madax-wareer u badan.

Isagoo sariirta gorofsan, hurdase ilaa shalay il guduudin ayuu gaw-gawda maqlay. Giirkuu la sara kacay. Wadnahaa gariiray.

Go’naye waa iyadii! Qoor iyo xero waa soo noqotay! Hiyigaa mar qura kacay. Laabtaa hafeefatay. Habbisadii baa ka duushay. Sow kan baal ka fududaaday! Hadda maxaad samaysaa? Wallee waa la is hayaa. Maad hore u sii tashatid? Ma anaa imaatinkeeda filanayey? Intuba inta ka dhakhsa leh. Garaacii waa soo giirtey, gaw-gaw-gaw!

“Axmed!”

Guri ba’ay! Waa quud aan jirin qoryo u guro! Qoftuba iyadii ma aha! Waa Sahra Yuusuftii! Maxay iga soo doontay baladu?

Habbisadii baa ku soo noqotay. Meel lagu kala gabbado lama joogo! Intuu is dhibay buu albaabkii furay. Farxad iyo fudayd bay kula soo booddey, “Axmed! Abboowe!” iyadoo leh bay intay hab ku tiri dhabannada ka dhunkatay.

“Walaalle! Ii warran! Ilaahay ma ku nabad keenay?” Sahraa farxad dhab ah nabdaadinteedii ku sii wadatay, iyadoo boorsadii iyo garba-saartii dhiganaysa, sidii qof gurigeedii timid. War la’aaney ba’!

Markay intaas maraysay bay wax gansatay. Waxay dareentay in uusan farxadda iyo salaanta la qaybsanayn. Si fiican bay u eegtay. Mise wiilka wajigiisu waa baddelan yahay. Indhihiisa guduutay, ee godka kasoo jeestay bay ka naxday. Aamuskiisa aan caadiga ahayn bay sharaysatay.

“Abboowe, ma xanuunsan tahay?” bay cod dhiillaysan ku waydiisay.

“Waan iska yare xanuunsanahay,” buu ugu jawaabay, isagoo sariirta madaxeeda barkinta ku sii dhacadiidsanaya.

“Sidee laguu hayaa bisinkee?” ayay walwal badan ku waydiisay, intay soo ag fariisatay. “Maanta mar aan Warshadda kaa wacayna ‘waa fahma darraa’ waaba la igu yiriye?” Sahraa u raacisay.

“Wallaahi Sahraay sida la ii hayo kuu sheegi kari mayo, keliya waxaan kuu sheegi karaa in aan caafimaadkaygu wanaagsanayn.”

“Alla abboowe xaggee lagaaga badan yahay? Takhtar ma u tagtay? Isbitaal ma ku geeyaa?”

Su’aalo badan oo walwal daacadnimo iyo u danqasho walaalnimo ka muuqdaan markay isu daba qabatay, ayuu arkay in loo baahan yahay in uu dajiyee qaboojiyo, markaasuu yiri, “Maya gacaliso! Waad mahadsan tahay! Jirro sidaas ahi ima haysee, waa iska juuc-juuc iyo daal wali iga bixin. Iska warran adigu?”

“Nabad! Dhibaatada iigu weyn maqnaantaadaa keenaysay; haddaad timidse waa khayr. Markaad baxday baa dhibaato bilaabatay! Waqti aan loo baahnayn baad tagtay. Xalay ma is aragteen Maana-Faay?”

Markii “Maana-Faay” afkeeda ka soo baxday buu isagoon is ogayn ku qayliyey “Aa!” gacantana dhafoorka kula booday, sidii xabbadi kaga dhacday! Sahra waa isku naxday. In yar bay amankaag la aamustay.

Haddana hadashay ee tiri, “Maxaa kugu dhacay?”

Markuu cabbaar isagoo dhafoorrada haysta ka aamusnaa buu goor dambe yiri, “I dhagayso Sahra! Haddaad walaalnimadeenna qiimaynayso, gabadhaas aad magacawday mar dambe hadalkeeda ha igu soo qaadin, magaceedana ha i maqashiin!”

Intay afka gacanta saartay bay tiri, “Amaraa i haysta! Saanna maxay ahayd? Abboowe maxaa dhacay, gabadhaas waaba tii dhammaydoo aan galabta arrinteeda kuugu imide? Xaggee amarku ka dhacay? Warka ii caddee!”

“Wax aan kuu caddaynayaa ma jiraan! Qoftaas hortiina adaa qoorta ii galiyey, qof aadan waxay tahay aqoon. Dhibaatada maanta i haysata adaa ii horseeday; haatanna qoftaas hadalkeeda haddaad igu sii wadwadid, guriga waan kaaga baxayaa!”

Sahra intay eedayntaas jid-darrada ah ka kululaatay bay tiri, “Adeerow aniga waxba buuro ha ii korine waxa aad damacsan tahay runtooda ii sheeg! Maxaan qoorta kuu galiyey? Ma qoftii markaad igu waashaye, jiif iyo joogba ii diiday, aan gacanta kugu siiyey, ee aan dhibkaan ogaa aawadaa uga soo maray baad maanta iigu abaalgudday in aad tiraahdid ‘dhibaataad ii horseedday!’ Maxay tahay dhibaatadaan kuu horseeday?”

“Dhibaatada ka weyn maxay tahay,” Axmed oo markiisa in uu is difaaco u soo jilba-jabsaday baa bilaabay, “In aan halka la jiifo jacayl indha la’? Maxaa igu jirrabay in aan jeclaado naag habeenba meeshii gabbalku ugu dhaco geerash loola fariisto?”

“Waa maxay waxa aad ku hadlaysaa? Ma Maana-Faay Xaaji Muumin baa geerash loola fariistaa? Mise qof kalaad ka hadlaysaa?”

“Qofta aan ka hadlayo waad ogtahay.”

“Ma ciyaal-suuqii aad hoosta ku wadatay baa quraan-dhurwaagaas kaa soo dhaadhiciyey?”

“Anigu ciyaal-suuq war kama dhagaystee, wax aan indhahayga ku soo arkay baan ka hadlayaa.”

“Maxaad indhahaaga ku soo aragtay?”

“Waxaan ku soo arkay shariifadda aad sheegayso oo qaad-wale qaawan hoosta uga jirta, qaadkii ay afka ugu guraysayna gacanta ku haysata! Intaasi ma ku deeqdaa?”

Intay amankaag afka sacabka saartay, indhahana fagiijisay sidii iyadoo kala hubinaysa ninka hadlayaa in uu ina abtigeed Axmed Jaamac-Dhegay yahay iyo in kale, ayey ku muusa-nawday, “Ba’ayeey! Wiilkii waa naga waashay! Abboowe! Ma qarwaysaa, mise waa soo jeeddaa? Maxaad ii tiri jirro caynkaas ahi ima hayso? Sow adigaan isku darmaday? Ina keen takhtarkii madaxa kuu geeyee.”

“Labadeenna qofkii miyir-qab u dhow waa la ogaan doonaaye, haddaad ii sama falaysid, sheekadaas iga xir!”

In ay ka xirtaa kama suurtoobi karin. Boqollaal su’aalood bay ku soo celisay. Inkastoo ayan been uga baran aad bay ugu adkaatay in ay waxa uu sheegayo rumaysato. Waxay ku khasabtay in uu sidii ay wax u dhaceen tallaabo-tallaabo iyo eray-eray ugu sheego: laga soo bilaabo xog-warrankii Kulmiye ku salaamay, talefoonkii Ciise-Dheere ku dareen galiyey, islaantii shalay Xafiiska ugu wargeysay, aqalkii ay u tilmaantay iyo foolxumadii uu kala kulmay, ficilkii uu sameeyey, ilaa imaatinkeedii ay saaka guriga uga daba timid iyo sidii uu ugu gacan sayray.

Sahra dhaka-faar iyo dhaygag bay dhabannada la qabsatay. Cabbaar bay fekertay. Madixii baa cuslaaday. Maabkii baa ka khaldamay. Mar dambay intay sacabbada isku dhufatay, la soo boodday, “Maya Axmed! Ma dhici karto! Aslanba ma dhici karto! Wax kalaba ii sheeg! Warkaaga ma beensanayo, laakiin wax kalaa meesha ku jira! Arrintaas waa in laga sal gaaraa!”

“Awelba anigaa waallaa,” Axmed baa yiri, sidii isagoo keligi isla hadlaya, gabadha hadalkeediina u dhag raaricinaya. “Markii aan hablaha haatan jooga aamminay, ee qalbigayga u huray! Hadimadooda horaa la iiga digaye, anigaa qaadan waayey; dhegweynnimadaydii baa halkaas i dhigtay! Ka marag Kulmiye in uu iga waaya-aragsan yahay. Bilaash baan ugu gacan sayray. Waa iga qummanaa markuu i lahaa, ‘Gabar maanta joogta la isma raaciyee, inta laba habeen lagu moodaa la yiraahdaa cagta saar waddada.’”

“Waan ka xumahay in aad galabta ku dhaadato cashar riqiis ah oo ay kuu akhriyeen Kulmiye iyo wax la ayni ah!” Sahraa ku tiri cod ay ka dhadhamayso in ay dhab ahaan uga xun tahay.

“Isagaa runnimada uga dhow casharkii aad ii akhriday berigii aad gabadhaas is kaaya baraysay,” Axmed baa kula dooday, “Miyaadan maanta arag in aad khaldanayd, markii aad igu wacdinaysay, ‘Gabdhaha nimankaa intay khatalaan cidla uga taga?’ Waa tane gabadhii aad i lahayd ha khatalin, sow iyadu ima khatalin?”

“Anigu wali ma rumaysni.”

“Maxaadan rumaysnayn?”

“In ay Maana ku khayaantay iyo in ay waxa aad sheegaysay ku kacday iyadoo miyirkeeda qabta!”

“Haddaad rumaysanaysid iyo haddii kaleba, way ku kacday baan ku leeyahay; waxayna igu kalliftay in aan qaato taladii aan Kulmiye hore ugu diiday, in aanan naag dambe daacad u noqon, iyo in aan wax guur la yiraahdaba qorshahayga ka saaro! Maanadii aan malaa’igta u haystay haddii ay sidaas noqotay naagta damboo la aammini karaa ma cirkay ka soo dhacaysaa? Shan fac bay iiga xaaraansan yihiin!”

“Maqal walaale!” Sahraa tiri, iyadoo erayada carrabka ku adkaynaysa, “Waad ku khaldan tahay go’aankaas degdegga ah. Xalay waad fududaatay, saaka waad carruurowday, haddana waad degdegaysaa, haddaan runta kuu sheego! Laab-la-kac yuu ku qaadin! Degganaan iyo hubsiinaa loo baahan yahay. Adduunkaan wax waliba way dhici karaan. Horaa loo yiri hubsiino hal baa la siistaa.

“Anigu Maana aqoon baan u leeyahay. Wixii ka suurtooba iyo wixii aan ka suurtoobi karinna si fudud baan u garan karaa. Wax naf-hurid la yiraahdaa haddii ay adduunkaan jiraan, qoftaasi Axmadow adigay nafteeda kuu hurtay, indho aan adiga ahaynna ma leh. Haddii aad garabkeeda ka baxdidna waan hubaa in aan ifka nolol dambe u jirayn, adiguna goor aan goor ahayn baad ka shallayn doontaa.

“Toddobaadkaan bilowgiisii gabadhaasi waxay aawadaa u samaysay naf-huriddii u weynayd ee qof eynigeeda ahi samayn karo; waa arrintii u weynayd ee aan galabta kuugu imid in aan kula socodsiiyo; waxaa dib iiga riday mushkiladdii cusbayde aad iga hor keentay.”

“Maxay samaysay?” Axmed oo warka cusub u hanqal-taaggiisa hora tibyeysanaya ayaa waydiiyey.

Waxay uga warrantay arooskii ballaarnaa ee Xamar-Weyne laga abaabulay iyo sidii Maana-Faay isaga daraaddi ugu burburisay. Wixii dhacay oo idil bay u faahfaahisay: dagaalkii qoyska, dumiddii labada aqal, dayrintii Maana, daydayiddii ay isaga raadisay, dadaalkii Leyla, daahiddiisii la raagsaday iyo illintii badnayd ee Maana-Faay ka daadatay.

“Haddaba walaalow, Ilaah baan kugu dhaarshaye,” Sahraa ugu gabagabaysay, “Sidee baan ku rumaysan karaa, qoftii caynkaas ahayd, horana labadeennuba aynu dabcigeeda iyo raadkeeda u niqiin, intii aad maqnaydna xalay iyo habeen hore ka hor meesha ay joogto iyo waxa ay ku sugan tahay aan saacad-saacad ula socday, ee waliba intii badnayd aqalkayga joogtay, sidee ku rumaysan karaa qayilaad iyo tumashay u banbaxday? Goormay waqti iyo niyad u heshay in ay niman kale shukaansato? Ma hal mar bay heerkii tumashada u dambeeyey dariishadda uga soo boodday?”

Axmed iskuma dayin in uu Sahra uga jawaabo su’aalahaas iyo kuwo ka sii badan oo ay miiska soo saartay. Sidii isagoon maqlayn buu meel kale u sii jeeday. Wuxuu isku dayayey in uu helo jawaab marka hore isaga qancisa. Warkii cusbaa wuxuu ku noqday mucjiso hor leh. Hal-xiraale murugsan. Mawjado is hardinaya. Madixii baa sii cuslaaday. Su’aalo badan buu Sahra ku celceliyey, intii ay warka u wadday. Isagaa keligii aamuska iskula doodayey. Wuxuu u kala baxay laba nin oo iska soo hor jeeda; mid Maana-Faay eedaynaya iyo mid difaacaya ee marba qiil u raadinaya.

Waxa uu ku walaacayo Sahra way malaysay. Wixii aad ku oran lahayd u dhammaysay, bay is tiri. Waqti in ay ka tagto ku habboon buu la noqday. Waajibkii ay galabtaas isa saartayna wali fari kama qodna. Waa in ay waqtiga ka faa’iidaysataaa. Intay Axmed iyo saacadda midba mar eegtay bay tiri, “Axmed! Hadda waan kaa tagayaa. Halka aan aadayana kuu sheegayaa. Gabadhii baan raadinayaa… Markii aan…”

“Ma anigaad ii raadinaysaa?” Axmed baa ka dhex galay. “Ii raadin maysid gabadhaas.”

“Sug hadda, warka waa la iska maqlaaye! Macangag ha iska dhigine!” Sahraa ku canaanatay. “Hadda waxaan abbaarayaa gurigii walaasheed Leyla. Kollayba halkaasay joogtaa. Iyadii waan arkayaa. Baaris kalena waan samaynayaa. Arrinta xaqiiqadeedii anigaa soo salgaaraya, markaas ka dib baan kugu soo noqon doonaa; adigu keliya iga ballan qaad in aan caawa guriga kaa helo!”

“Waad iga heli doontaa,” buu si qabow u yiri.

“Waa hagaag! Nabadgelyo!” bay tiri, iyadoo sii baxaysa. Tagsi bay hore ka boobtay. “Walaal Boondheere iga gaarsii!” tagsiilihii bay ku adkaysay.

Xubinta 10aad

— 1 —

Saacaddu waa shantii galabnimo iyo shan iyo soddon daqiiqo. Ciise-Dheere iyo afadiisii, Leyla, qolkoodii jiifka ayay dhex taagan yihiin. Leyla waxay ku hawlan tahay sixiddii u dambeysay ee ay ku tifaftiraysay labbiska ninkeeda. Shaatigii ay galabtaas u doortay bay saxarro aan jirin sacabka ka marinaysaa. Badhammadii ay xirxirtay bay mid furan ka fiirinaysaa. Kulleetigii ay hore u taagtay bay toos-toosin kale ku dayaysaa. Kabihii ay haddeer dhalaalisay bay habaas ka eegaysaa. Timihii hore looga shaqeeyey bay intay shanlayntiisii ku hallayn wayday sacabbadeeda ku sinsimaysaa. Barafuun ay hore u soo dhawaysatay bay ku buufinaysaa. Markay kor iyo hoosba ka hubisay, meel damboo hawli ugu harsan tahayna korkiisa ka wayday, ayay eegmo macaan indho jacayl ku milicsatay, dhoolla caddayn faraxsanna dhag uga siisay. Judhiiba wuu gartay dhoolla-caddayntaas micneheedu in uu yahay, Gacaliye, waan kuu dhammaystiray dhisid iyo xashaash! Intuu dhoolla-caddayntii dhadhanka wacnayd dhankiisa ka muujiyey buu si macaan u yiri, “Mahadsanid Gacaliso!” dhegta hoosteedana dhunkaday. Mar labaad baa la is muxubbo-eegay. Waayirro baas baa durba is taabtay. Iyadii baa is celin weyday. ‘Haw’ bay ku soo tiri. Hanaqa laabtay ka halabsatay. Qoortiisay wajiga ku xabaalatay, iyadoo leh, “Waa ku jeclahay macaanow.”

Shumis baa la isku boobay, sidii dad muddo dheer isu harraadnaa. Kuwii haddeer halka go’ ka soo wada baxayba ma aha!

Markii la kala hamuun gooyey buu Ciise hore u soo baxay. Waa xilligii uu galab kasta beledka u dagi jiray, markii uusan shaqo ku laaban ama Leyla meel u wadayn. Markii uu laba tallaabo hore u qaaday buu is cululubtay. Qof buu tabey. Intuu afadiisii dib u eegay buu ku yiri, “Kaalay, aaway Maana-Faay, Leyla? Galabtoo dhan dhaqdhaqaaqeeda ma arkine?”

Su’aashiisii Leyla way ku yare adkaatay. Waa mare ma doonayn in Maana lagu soo hadal qaado, carada ay u qabto awgeed; marka kalena ma jeclayn in walaasheed ceebteeda ninkeedu la ogaado. In ay been u sheegtana uma baran, kamana suurtowdo. Sababahaas daraaddood bay u dhibsatay in uu su’aalo.

“Naga dhaaf alcaantaas warkeeda,” Leylaa jawaabtii ku soo koobtay.

“Maxaa dhacay? Xaggee bay aadday?” Ciisaa si qoonsi ku jiro ugu celiyey, intuu dib ugu noqday.

“Taas waa hallowday!” Leylaa u raacisay, markay aragtay in uusan ka dhaafayn.

“Waa hallowday see ah? Gabadhii maxaa helay?” Ciisaa waydiiyey.

Xalay Ciise wuxuu soo hoyday goor damboo la hurdo. Saaka shaquu u kallahay. Maantana xilli dambuu soo rawaxay, markuu qadeeyeyna hore ka seexday. Markaan uun buu dareemay in uusan dumaashidi dhawaan arag. Aad buu u daneeyey arrinteeda. In war buuxa laga siiyuu isku taxallujiyey. Warkii buuxay Leyla way u gudbisay. Wixii dhacay shaacay uga qaadday. Amankaag iyo yaab bay ku noqotay. Afadiisii buu dhaliil u jeediyey, “Aad baad u fududaatay, Leyla! Intaas in aad ka deggan tahay baan ku moodayey!” Ciisaa ku darraabay.

“Maxaa jira?” Leylaa kula doodday. “Naag saacaddaan qayilaad iyo inoo rufyaan minankeed ku dhaxdo ii bilowday maan soo dhaweesahaa? Ma soo dhaweesahaayo; taas dhub Alla ha siiyo, abkey Jiilaani waayee!”

“Maya Leyla!” Ciisaa ku diiday. “Dhawr arrimood oon loo baahnayn baad samaysay gacaloy! Marka ugu horraysa, maxaa gurigeenna keenay fataaladdaas kabihii nabiga liqday? Marka xiga looma baahnayn in aad gabadha u dirtid, waxay ahayd in aad tiraahdid halka noogu keen haddaad dhar haysid.”

“An maa ogaa waxay tahay, xalay lee la ii sheegaye, xiska a laga bac dhawee!”

“Marka saddexaad, ma ahayn gabadha in aad xalay halkaas uga soo tagtid; waa khaladkii u weynaa, saakana looma baahnayn in aad erido. Eryiddu waa khaladka ugu weyn ee waalidku ku kacaan, markay gabdhuhu gef sameeyaan. Gabar hal gef samaysay baa la eryayaa, markaasay intay is nacdo suuqa hore u galaysaa; yaa ka mas’uul ah? Sow axmaqnimo ma aha? Hadda gabadhii xaggee jirtaa, ciddiina waa tay aabbe dirirsanaayeenoo ma aadi kartee?”

“Ma oshi meehay jirto,” Leylaa ku jawaabtay. “Minankii Sahra Yuusuf lee jirtaa, meel kaloo ay kasayso maleh.”

“Waa runtaa,” Ciisaa ku raacay. “Meel aan Sahra ahayn ma aadayso. Gabadhii ha la raadsho, Leylaay! Xitaa haddii aad saaka si fiican u waraysan lahayd wax dhan bay ahaan lahayd. Axmed Jaamacna waa yimid, shalaan talefoon u diray, gurigeennuu toos u soo aadayaa. Maxaa lagula hadlayaa?”

“Wax kasta waxaa iigu daran igaarka dadow oo ay igu ceebeeheeso! Xalay xitaa intuu yimid aa la dhahay, wuxuu u mudaa in naag fiican u joogto; cawadana waa imaahaa. Maxaan dhahaa haddaa waayee? Taas wajigay iga fiiqday, wajigeeda a…”

Halkaas markay maraysay baa waxaa ka dhex galay ‘gag-gawo’ albaabka ka yeertay iyo cod dhaddig oo leh, “Hoodi, hoodi!”

“Hooddeyn!” bay tiri, intay xaggii iridka u dhaqaaqday. Bersadda markay sii maraysay bay indhaha saartay Sahra Yuusuf oo iridka soo riixaysa, kadinkana ka soo tallaabsanaysa. Markay Sahra aragtayba, wax baa qalow ku yiri, Haa! Tii baa dhahday walaashayda ii soo maslax! Saacaddaan iidana bannaankay taagan tahay; ma iska soo gashoo daanyeerta!

Intii ay sidaas iskula hadlaysay, Sahrana way soo dhaweynaysay. Intay si diirran uga hor tagtay bay dhabannada ka dhunkatay, “Abbaay Sahra! Ii warran! Nabadaada ma ahoo? Ma iska faydiinoo?”

Saalootadii bay fariisisay. Ciisana intuu qolkii ka soo baxay buu la soo fariistay. Intii isaga iyo Sahra is nabdaadinayeen bay Leyla wax qabow hoosta ka dirtay. Markay ka soo jeesatayna gabadhii martida ahayd waraysi ku bilowday, “Sahra Yuusuf! Ii warran ina aayo? Ayaantaan waaba naga goosataye! Tii yaa ku soo kicisay maahinoo? Aaway ma kula socotaa?”

“Tee waaye taas?” Sahraa waydiisay.

“Maana-Faaydiina!”

“Maana-Faay maba arkine, miyaad ii soo dirtay? Malaha waan is weydaarannay!” Sahraa is raacisay.

Waxay u qaadatay in ay ugu soo dirtay dagaalkii Axmed xalay la diriray awgi.

“Subaxaan ma kuu imaan miyaa?” Leyloo walwal galay baa waydiisay.

“Maya, Maana waxaa iigu dambaysay shalay ma ahee darraad. Saakadii hore miyey isoo aadday?”

Leyla iyo Ciise waa la is eegay. Indhahaa su’aalo badan la iska waydiiyey.

“Oo haddaas gabadhii xaggee aadday?” Ciisaa xaaskiisa waydiiyey

“Ma akhaan, mindhaa Axmeday la jirtaa,” bay hoos ugu jawaabtay, sidii iyadoo Sahra ka qarinaysa.

Sahrase intay maqashay bay tiri, “Axmed lama jirto, anigaa hadda socodkaan gurigiisii ka imid.”

“Yaah?” Leylaa la soo boodday, “Axmadna ma la jirto miyaa?”

“Maxaad iga fiirinaysaa?” Ciisaa ku hiifay. “Ka tali adigu! Gabadhaasi sidii aan kuu sheegayey uun bay noqon!”

“Sidee wax u jiraan? Maxaa ku dhacay gabadhii?” Sahroo dareenkii ku sii ballaartay baa yaab-weydiisay.

Ciisaa markaas Leyla lugteeda miiska hoostiisa qunjiyey. Waxay u fahamtay in uu ula jeedo, “Gabadha ceebteeda ha u sheegin dumaashideed!”

Sahraa su’aasheedii soo celcelisay. Ciisaa mar dambe ugu jawaabay, “Wax weyn ma jiraane, qoftaanaa saaka la dirirtay!”

Warkaasi Sahra wax cusub buu ku kordhiyey. Waxay isku xirtay sababta Leyla kula dirirtay iyo tii Axmed kula diriray. In wax laga qarinayo way dareentay. Qudheedu in ay wax qarinayso way is ogayd.

Wax la qariyo qurun baa ku jira! Sirta aan hayo iyo tay hayaan, waa in aan is waydaarsannaa; runta daaha laga rogaa, haba kharaaraatee!

“Laakiin dagaalka maxaa keenay? Ma arrintii xalay la sheegayey baa?” Sahraa dacal yar ka fayday, si ay Leyla uga hadliso.

Waa siday filaysaye, Leylaa markaas la soo boodday, “Arrinta xalay la sheegayey maxaa waaye?” Su’aasha way ku maararroobaysaye garatay in aan ‘arrin’ kale jirine ay tahay tii ay qari is lahayd oo mar hore magaalada ku faaftay.

“Arrin laga sheegayey guri aan fiicnayn oo Boondheere ku yaal!” Sahraa sii caddaysay. Ma war baa yaal? Ma wax dambaa qarsoon?

Leyla markaasay xogtii ay ogayd ka warrantay. Dhinac, waxay is tiri, Kolley Sahra way la socotaaye, libta ka xigoo u faahfaahi, si ay kuugu calool fayoobaato, wixii ay soo maqashayna markeeda kuugu sheegto. Dhanka kalena, waxay rabtay, wixii eed iyo canaan ah, oo ay wixii dhacay ku yeelan karto in ay iska leexiso. Warkii bay tifaftirtay. Waxay ka soo bilowday habeenkii u horraysay ee Beyddan Shabeel u timid, sidii ay Maana-Faay u beer-laxawsatay, dharkii iyo waxyaalihii kale ee ay u ballan qaadday, habeenkii xigay oy Maana u dirtay, markay waydayna ka daba tagtay, Xaawadii ay dariska ahaayeen waydiisay, Xaawo u sheegtay in ay tahay fataalad halis ah, markay raadiyeen is qarisay, yar adeegto ahi runta u sheegtay, Xaawo gurigii gashay, soo aragtay Maanadii oo niman iyo naago khamraysan ‘sakhrad’ la dhex jiifta! Sidii ay xalay ku dhaxday, saaka markay timidna ay cayrisay.

Sahra dhabannaday qabsatay, Haddaas wixii Axmed ii sheegay waa run. Wixii uu sameeyeyna waa jid… Aadanahaan lama oran karo; qof hebel waxaasi kama suurtoobaan. Waxaaba jira qof sameeya wax isaga naftiisu is oran jiray kaama suurtoobaan! Mindhaa waxaa…

“Ad maxaa soo maqashay Sahra?” Leylaa fekerkii ka kala goysay.

“Anigu Axmed baan arkay; wuxuu ii sheegay in uu isaguna xalay meeshaas ugu tagey…”

“Intee?” Leylaa la soo booddey.

“Sidee halkaas ku tagey?” Ciisaa ku hansan waayey.

“Wuxuu yiri,” Sahraa sii wadatay, “’Shalay bay islaan buuran Xafiiska iigu timid, iina sheegtay in Maana-Faay kharribantay, in aad hubsato hadaad rabtana, caawa siddeedda guriga meeshaas ku yaal tag bay tiri. Markii hore kama hoos qaadin. Laakiin markaan Maanadii gurigii reer Ciise ka waayey baan meeshii tagey, fadeexadda ay ku dhex jirto markaan arkayna waan isaga tagey,’ buu yiri. Wuxuu kaloo ii sheegay in ay saaka u tagtey, malaha waa markay halkaan ka tagtay; wuuna ku gacan sayray.”

“Haah!” Ciisaa yiri, intuu madaxa ruxay. “Waan gartay shaxda meesha ku jirta. Waxa oo dhan haddaan fahmay. Waa jar Beyddan Shabeel dhigtay.”

“Haah! Haddaan kasay!” Leylaa markeeda la soo hiyikacday, sidii qof hurdo ka soo baraarugtay. “Maxaa jira dheh, cawo hore nabarkii oo Maana-Faay sasabaysay, waxay damacday inay Axmed ku dirdirto. Dirdirowgii markiis u socon waayey lee warkii u baddeshay. Wixii dhan haddaan fahmay!”

“Alloora, qofta Axmed warka u geysoo soo tilmaantayna waa isla iyada!” Sahroo iyana mugdigii ka baxday baa tiri.

“Yaa kale!” Ciisaa ku raacay. “Waxa oo idil waa silsilad taxan oo ay iyadu isku xirxirtay.”

“Cajuusa mina-naar!” Leylaa nacladday.

“Bal fiiri miskiintaas xaq-darrada ku dhacday!” Sahraa Maana-Faay u garowday.

“Laakiin iidana haddii too kheer leh tahay, maxaa fadhiisiyey meeha oo khaadka ii khamriga lagu dhammaayo?” Leyloo dadka xaq-darradaas loo haysto ka joogtay baa Maana ku eedaysay.

“Wax dembi ah, haba yaraatee, gabadhaas miskiinta ah ma saari karno, ilaa aan ogaanno sidii wax u dhaceen,” Ciisaa dumaashidii ku daafacay. “Sidii wax u dhaceenna iyada uun baa sheegi lahayd; iyadiina dagaal baad kala hor tagtay adigoon waxba weydiin. Wax kasta waa dhici karaan. In la hoosaasiyey, in la sumeeyey, in Kooka-Koolla khamri loogu qariyey, sida dadka wasakhda ahi gabdhaha yar-yar badiba u shirqoolaan; sakhrad bay la jiiftay uun baa lagugu yiri, markaasaad ka soo carartay! Maxaad ka og tahay wax lagu sameeyey?”

“Alla aniga yaa ii islaan eh? Inteen ka jirihaa gabartii hadda waayee?” Leylaa ku calaacashay.

“Intee ka jarrihaa, inteen ka jarrihaa? Meel ku sheeg adigu!” Ciisaa ku canaantay.

“Alla meel aan ku sheego ma akhaaneey! Mar lee yaa i tusa wixii rabto ha nakhatee! Maana ma noola saacaddaan! Shaki ma leh, walaasheyda ma noola! Alla anigaayeey!”

Leyla waa is madax martay. Dareen dambiilenimo oy nafteeda ku hiifayso iyo laxow hilibnimo oy walaasheed ugu jiir-naxayso, ayaa mar qura ku kulmay. Muusanow bay la kacday. Labbis bay isku boobtay.

“Fiiri! Hadday kabash-kabash leedahay!” Ciisaa Sahra si kaftan u eg ugu yiri.

Sahrase kaftan ma hayne, iyadoo yaabban bay tiri, “Wallee Axmed baa ka daran! Hadduu arrintaan runteeda ogaado, isagu wuuba muraara dillaacayaa! Laakiin walaalow, islaantaas weyn marka ay khasiisnimadaas samaynayso, ujeeddada ay ka leedahay maxay tahay?”

“Naagaha noocaas ah ujeeddadooda waa la yaqaan walaal; gabar kastoo bilicsan, markay arkaan waxay jeclaystaan in ay rag lacag leh dabin ugu dhigaan; si ay xeradooda ku soo gashana waxay marka hore ku dadaalaan in ay sharafteeda baabi’iyaan, xiriirradeedii horena kidfaan. Haddii ay arkaan wiil iyo gabar sharaf leh oo iyagoon la isu fataalin iskood isu jeclaaday, waxay u qaataan ku-xad-gudub sharci-darro ah oo ‘boqortooyadoodi’ lagu sameeyey, markaasay wiilka iyo gabadha midba gaarkiisa u ugaartaan, mar-mar waxaaba dhacda in ay is qabaan, marka dambena ‘boqortooyadoodaas’ gadooddey gurigoodii sidaas ku dumiso! Ifafaalahaasi wuxuu ka mid yahay dhiqlaha mujtamaceenna ku dhex jira. Tusaale ahaan waxaa jirtey…”

Halkaas markuu marayey baa laga kala gooyey. Albaabkaa la gargaraacay. Intuu hadalkii hore ka hakaday buu yiri, “Soo dhaaf!”

Ruux yar oo dambiil weyn lalminayaa degdeg ‘dalaq’ u soo yiri. Waa gabar diifaysan oo guntiino calal ah garba-saar la’aan ku maran, dacas googo’an oo kala cayn ahna cagaha ku jiidaysa. Leyla, waa qof dhiilaysane, markay sanqarta cusub dareentay bay qolkii ay ku soo qalab-qaadanaysay ‘furdug’ ka soo tiri. Mise tan yaroo ciirada leh baa kadinka taagan. Sidii qof meel fog ka soo orodday bay u hinraagaysaa, hadalkiina haleeli la’dahay. Ciise wuxuu u qaatay in hooyadeed ul ku cayrsanayso, ee ay magan-gelyo-raadis meesha uga soo dhuumatay. Leylana waxay u qaadatay in farriin loogu soo dhiibay. Si dhiifoon bay u fiirisay. Intee ku arki jiray cunugtaan madow oo xayeesida ah! Shaki ma leh, hadda ka hor waa arkay. Yaa adeeg iigu soo diray? “Haye abaay? Maxaa daran?”

Yartii martida ahayd, intay lixdii indhood ee sida qoonsiga leh u soo wada eegaysay midba mar fiirisay bay tiri, iyadoo wali xiiqiddii la hinraagaysa, “Leyla Xaaji Muumin yaa la dhahaa?”

“Aniga waaye!” bay tiri Leyla, intay sii hiyikacday.

“Walaashaada oo Maana-Faay la dhahaayo ma jirtoo?”

“Alla haa!” bay hore ula soo boodday intay ‘haq’ tiri. hadalkiina dhuunteeda ku xirmay, hanqaaran iyo argagax awgii.

Sahraa iyaduna, intay ku hansan weyday kursigii ‘haw’ ka soo tiri, iyadoo leh, “Alla hoogey! Abbaaye meeday?”

Leyla eray dambe waa ka soo bixi waayey. Naxdin baa carrabkii dalqada kula dhegay. Wadnahaa afka yimid. Boqollaal sawir oo midba midka kale ka madow yahay baa mar qura la hor keenay. Maxay dhihi doontaa cunugta baas! Maana-Faay hee? Meydkeedii baan soo arkay! Baabuur baa maray! Badday isku tuurtay! Burcad baa dishay! Balaayaa afduubtay! Bohol bay ka dhacday! Ba’ayeey! Yaa i bireeya? Bal maxaa saaka igu diray?

Ciise Dheere oo calool-nugaylka dumarka isagu ka caafimaad qabay, baa yartii soo dhaweeyey, warkiina si deggan uga dhuuxay; “Kaalay adeer! Inta soo fariiso! Ii sheeg, xaggee ku soo aragtay Maana-Faay?”

“Miskiintaas cawada baxaray ku jirtaa, haddii ka naxaysiin!” Yartii baa xog-warran bilowday. “Dad aa u heshiiyeen. Haddii idinka ka gaartiin laakiin waa caymin kartiin.”

“Aah! Iga tag!” Leylaa neeftii ka soo noqotay, “Haddiiba nooshahay kheer waayee!”

“Sug Leyla!” Ciisaa ku af jigay, waraysigiisii degganaana sii watay. “Adigu magacaa adeer?”

“Faadumo-Yarey!”

“Faadumo ayaa lagu yiraahdaa?”

“Faadumo Aw Muuddey.”

“Haye? Xaggee hadda ka timid? Ma Xaafaddaad deggan tihiin?”

“Ani waxaan u shakheeyaa duqdoo la dhahaayo Beyddan Shabeel.”

Ob! Wagagac! War cusub! Beyddan Shabeel markay maqleen baa madaxooda wiish ka dhawaaqay! Hal mar bay is wada eegeen!

“Magacaaga raq dameeraad laga naadi dheh!” Sahraa is celin wayday.

“Haah! Haddaan kasay yarta!” Leylaa la soo baraarugtay. “Waa yartii fiicnayd oo xalay noo warrantay! Faadumo, adlee miyaa? Noogu dhakhso warka macaaneey!”

Faadumo waa tii maanta maalin-weyntii ku walwalaysay sidii ay Maana-Faay ugu digi lahayd, markii ay telefoonkii Beyddan dhag-maashay. Fursad ay Maana-Faay ku kaliyeysato waa loo diiday. Beyddan baa mar ay ag fadhido iyo mar ay iyada hawl madaxa u galiso waqtigii ugu dhammaysay, markii dambena Maanadiiba baabuur ku ridatay. Meesha ay u qaadday Faadumo way garanaysay, waxa lagu samayn doono warkooda way ka dharagsanayd. Walwalkii baa ku sii ballaartay.

Wadne-fug bay la harsan wayday. Waa in ay wax uun qabataa. In badan bay jikada ku fekertay. Fikrad baa ‘qalow’ ku soo tiri. Waa in ay raadisaa gurigii walaasheed ee ay xalay u tilmaantay. Fikraddaas way u bogtay. Sidii ay ku fulin lahayd baase ku adkaatay. Waxaa loo diiday fursad ay dhawr iyo toban daqiiqo ku maqnaan karto. Xilligaan qorrax-dhaca ah uun bay ka faa’iidaysatay casho suuqa looga soo diray.

Sidii wax u dhaceen bay saddexdii qof u faahfaahisay. Su’aalo badan oo ay waydiiyeen baa warbixintii utoosiyey, waxyaalo ay ka boodi lahaydna xasuusiyey. Markaan wax waliba way caddaadeen. Su’aalihii goor dhawayd jawaabta cad loo la’aa mugdigii way ka baxeen. Su’aashii Leyla lahayd, “Sidee meel qaad iyo khamri lagu ardaalaynayo Maana-Faay u dhex fariisatay?” jawaabteedii waa la helay. Markii Maana halkaas fariisatay iyo markii Axmed u soo galay sida ay isugu beegmeen iyo cidda isku soo beegtayba waa la gartay. Markii xalay Xaawo guriga gashay wixii Maana la suuxsanayd waa la fahmay. Ujeeddada Beyddan arrintaas oo idil ka leedahay, ee haddaayey Sahra garan la’ayd, hadda waa la wada gartay. Iyada iyo nin lacag leh in ay gabadha u heshiyeen waa laga jaahil baxay. Waxaas oo dhan xog-warrankii Faadumaa laga helay.

Wax aan wali la garan, waxaa jiray hal qodob uun: Ninka gabadha shirqoolayaa waa kuma? Su’aashaas la is waydiiyey. Faaduma-Yarey baa laga dooc-doociyey in ay sheegto wax iftiimin kara aqoonsigiisa. Faadumo horeba way u sheegtay in ay Beyddan hadalkeeda uun maqlaysay, ninkase iyadu arag. Kolleyba in uu yahay nin fiillooyin leh, lacag iyo baabuurna soo diray baa yarta warkeeda laga fahmay. Waxay kaloo usheegtay in ay ‘Fillada Cagaaran’ hadda ka hor habeen tagtay, Jimce sii horraysay oo halkaas lagu qabay dhafar Beyddan Shabeel agaasinkiisa majaraha u haysay, siiba xagga diyaarinta hablaha. Faaduma-Yareyna way sii kaxaysatay, si ay ugu dirdirsato adeegga yar-yar.

Faadumo waxay sheegtay in ay habeenkaas arkaysay oday xabad weyn oo laga amar qaadanayo, ayna u malaynayso in uu isaga yahay ‘badroonigii’ guriga lahaa.

Waxaa la waydiistay in ay guriga tilmaanto, way isku dayday, waxbase waa laga fahmi waayey. Waxay ka codsadeen in ay raacdo ee korka ka tusto. Waxay u sheegtay in casho laga sugayo. Waxaa u wehelisay baqdin ay ka qabtay Beyddan Shabeel. Ugu dambayntii waxaa lagu heshiiyey in ay cashada geyso, degdegna u soo laabato, si ay colka ugu hoggaamiso xaggaas iyo Fillada Cagaaran. Faadumo-yarey dambiisheedii bay la orodday. Sahra Yuusufna waxba kama dambayne tagsigii u taagnaa bay ku orodday. Waxay raadisay ina abtigeed Injineer Axmed Jaamac. Waa in ay ka gaarsiisaa inta goori goor tahay!

Xubinta 11aad

— 1 —

Xamarta Waqooyi haddii mar uun dani ku geyso, Hawl Wadaag kor u sii dhex qaaddid, Jidka Soddonka ka tallawdid, Waddada Daraawiishta la sii socotid, bannaanka shishe markaad u baxdid, waxaa bidixda kaa qabanaya buur aan weynayn oo isaga iyo agagaarkiisuba maalintii cagaar qurux badan yihiin, habeenkiise mugdi cabsi leh. Buurkaas rakadiisa ayay saaran tahay Fillada Cagaaran. Waataas Xaafadda mugdiga ah kaligeed ka dhex ifaysa, sidii markab weyn oo bad mugdi ah ka dhex siraatay. Berigii hore waxaa la dajiyey aqoonyahanno ajnabi ah oo la shaqaynayey Mashruuca Jaamac-Dhegay Maareeyaha ka yahay. Ka dib raggaas waa laga kaaftoomay; waxaa beddelay aqoon-yahanno Soomaaliyeed. Aqoon-yahannadii qalaad siday u baxeen, Fillada Cagaaran cid kale oo rasmi ahaan u degta waa loo diiday. Aqoon-yahannada cusub ee gurya la’aantu hayso iyo shaqaalihii kaloo u soo hanqal taagayba waa loo bohola dumiyey. Jaamac-Dhegay iyo asxaabtiisa ayaa, habeenkii ay u baahdaan ugu isticmaala baashaalkooda qarsoodiga ah.

Waa fillo weyn oo ka kooban laba ‘abaartamento’ oo bari iyo galbeed u kala jeeda; mid waliba waxay leedahay barandadeeda rukunada marmarka ah ku taagan, jikadeeda casriga ah iyo suuliyaasheeda. Hareeraha oo idil waxaa uga wareegsan jardiino weyn oo ubaxu caynba cayn yahay, cawskuna kashkash yahay. Dusha waxaa uga sii wareegsan dayd baaxad weyn oo intiisa kore si farshaxannimo ah matooni cas loogu xardhay, badise dhir cagaarani ku hagoogatay. Kayntaas ay ku dhex jirto ayaa keentay in loo bixiyo Fillada Cagaaran.

Filladu caawa way cammiran tahay. Waa cawooyinkeedii. Waa cawooyinkii daraaddood dadka loogu diiday. Cashaa bislaanaysa. Cabbitaan baa qaboobaya. Ciidan baa shaqaynaya. Ceesaan baa qalan. Dhiiggeedaa dad u soo carfaaya. Dhegey baa u malabsanaya. Beyddan baa miciya-lisanaysa. Maanaa kawaanka saaran. Magac ba’ay! Bal eeg miskiintaas miinada ku fadhida! Markay qarxi lahayd dhawaa! Meeshani miciin daranaa! Maxaa gabar lagu ajaray! Midba xeelad lagu siray! Caawana ma Maanaa? Caku mujtamac dhallaankiisa dhaylada ku dubta! Caku dhiqlaha mujtamaca ku dhex jira!

Maana-Faay ma moogayn in ay meel halis ah ku habeensatay. Ma yarayn inta jeer ay u hinqatay in ay baxdo, inkastoo ayan garanayn meel ay u dhaqaaqdo. Haddana awood ka xoog iyo xeel badan baa mar walba celinaysay. Qaamaanta ikhtiyaarkeeda kuma socon. Miyirkeeduna ma wada joogin. Wax ay diiddo iyo wax ay yeesho ma kala garanayn. Waxa ay samaynaysaa uma caddayn. Waxay la mid ahayd sidii qof saaran bas magaalo weyn oo ayan aqoon ku dhex wareegaya, meel ay ula socotana garanayn. Beyddan iyo Seynab baa isu dhiib-dhiibayay, sidii ciyaartoy kubbad ku xarfadaynaya.

— 2 —

Iyadoon taladii Beyddan u soo jeedisay “Haye” iyo “Maya” midna oran, ayey maanta soo fuushay gaarigii Jaamac-Dhegey ee Beyddan ku soo qaadday. Waqooyi buu afka u saaray, xuf! Fillo weyn iridkeed, jig! Gabar bashaashad ah waa tan, daf! Salaan diirran. Dhunkasho ha ku boobto. Abaartamintadii galbeed ha dajiso. Alaabtii loogu diyaariyey ha ku indha-sarcaadiso. Soo dhaweyn iyo koolkoolin cagaha dhulka ha uga qaaddo. Sidii boqoraddii yarayde fillada loo dhisay ha ugu adeegto. Alla yartu fiicanaa! Marti gelin wanaagsanaa!

Ha dhicin, ha jabin! Maxaa kuu cad, maxaa kuu madow? Dharka ka baddel. U qubee. Wax la isku qurxiyo iyo wax la isku carfiyo ka haqabtir. Muusiggii udambeeyey u saar. Cabbitaan iyo cunto ku khasab, sheeko iyo maaweelo, kaftan iyo maad. Qoftii gelinkii hore geerida isu diyaarisaye sunta goobaysay, galinkii dambe waxaa la gaarsiiyey heer laga qosliyo, laga sheekaysiiyo, intay mushkiladdeedii marar badan illowdo dhankeeda ka maadayso. Laakiinse qabatinta murugada, sidii calool-xanuunkii bay markay wax yar joogtaba ku soo laba kaclaynaysay, markaasay mar qura midab-gaddoomaysay, indhihii qoslayey ilmo ku soo joogsanaysay, sheekadii loo hayey intay kala goyso gabadha ku oronaysay, “Yaakhey dukhdii waa soo daahdaye maxaa waaye? Waxna ma ii soo waddaan u malayhaa!”

“Waxba ha is kurbayn macaantey,” Seynab baa ku sasabaysay. “Xaajiyaddii dadaalkaaga lee ku maqantahay, shaki la’aan mar dhow waa imaanaysaa.” Saynab hawshaas culus keligeed kuma ahayne waxaa la shaqaynayey kookihii jaajaalaha ahaa ee Jaamac-Dhegey ku soo amray in uu halkaas maanta ka hawl galo.

Casar-gaabadkii, shantii galabnimo iyo googo’ ayey Seynab intay jardiinada duleedka ah ku diyaarisay tarmuus shaah ah, rikoor iyo waxyaalo lagu madadaasho, Maana ku tiri, “Ina keen abaaye bannaankaa layr macaan jirtaaye an ku soo aaryeysannee.”

Markay xoogaa fadhiyeen baa abaartamintadii bari waxaa ka soo baxay nin xoog weyn oo da’ dhexaad ah. Wuxuu qabaa shaarkii jiifka iyo macawistii, cadayna waa sitaa.

Jardiinada duleedku waxay u qaybsan tahay dhowr goobood oo geedo waaweyn u kala dhexeeyaan. Goob walba waxaa ku wareegsan goobaabin laba iridood leh oo matooni iyo ubax ah, goobaabinta dhexdeeda oo dhanna caws jilicsan baa kash-kaash ahaan uga iltiran, cawskaas cagaaran waxaa ku dhex yaal ee goobaabinta bartamaheeda ku beegan miis wareegsan oo marmar ah, hareerahana laga dhigay laba kursi oo loo sameeyey sidii laba bilood oo iska soo hor jeeda. Labadaas kursi midka galbeed xiga ayay ku wada fadhiyaan Maana-Faay iyo Seynab, alaabtiina waxay u saaran tahay miiska wareegsan ee marmarka ah.

Ninkii shaarka jiifka iyo macawista qabayna meel qiyaasta labaatan tallaabo u jirta ayuu jardiinada geeskeeda darbiga xaggiisa caday ula jeestay, isagoo iska dhigaya sidii nin aan gabdhaha u jeedin ama dan ka lahayn. In yar ka dib buu Seynab isha ku xaday. Way fahamtay eegmadaas micnaheeda. Way garatay in uu leeyahay, Maxaad sugaysaa? Maad bilowdid riwaayaddii aynu isla ogayn? Intay kuurkuursatay bay riwaayaddii bilowday.

“Jaamacow!” Seynab baa ku tannaagootay, “Maanta intii aad shaqada ku maqnayd waxaa kuu yimid qolyihii guriga kuu dhisayey oo lahaa shamiintadii baa naga go’day!”

Jaamac-Dhegey, waa intii uu sugayaye gabdhaha xaggoodii buu u soo dhaqaaqay, isagoo iska dhigaya nin warkaas loo sheegayo ku soo dhawaanaya. Laakiin xeeladdaan ujeeddada ka dambaysa waynu wada garanaynaa. “Maxay ku yiraahdeen Seynab?” buu yiri, isagoo soo socda. Markii farriintaas beenta ah la sii yar falanqeeyey, Jaamac kursigii gabdhaha ka soo hor jeeday soo fariistay, Seynab koob shaah ah u shubayso, ayuu Maana-Faay oo uu intii horoo dhan isha ka dadbayey intuu sidii qof uusan markaas ka hor joogisteeda dareemin u jalleecay Seynab ku yiri, “Yartaanna walaashaa galabta ku soo booqatay miyaa?”

“Gabadhaan walaashay camal waaye, Maana-Faay baa la yiraahdaa,” Seynab baa ugu jawaabtay, haddana intay Maana eegtay is bariddii sii wadatay, ee tiri, “Maana wiilkan Jaamac baa la dhahaa, gurigaan daris ku nahay, waa kaabbe weyn; waa taajir Xamar nuskiis isagaa iska leh, annaka nafteenna markii xaalka nagu xumaado isagaan ku fakannaa.” Markay halkaas maraysay bay intay yare qososhay iyadoo Jaamac fiirinaysa, warkana kaftan u ekaysiinaysa raacisay, “Laakiin waxbana abaal ma ugu hayno, maxaa jira lacag ka badatay oo uu culayskeeda iska kala yaraynayo fanfaniinkeeda lee wax naga soo gaaraan.” Seynab iyo Jaamacba way qosleen. Ma kaftankay ku qosleen, mise sida xariifnimada ah ee Seynab riwaayadda u jilayso? Bal adba!

Maana-Faay maadaama dadkii qosleen iyana qosol aan hayn bay af gobaadsi dhoollaha caddaysay, iyadoo uurka iska leh, Hadduu kaabbe yahay iyo taajir wixii uu yahayba us lee isu ah, aniga maxey iiga sheegaysaa, shukhul maan ku leeyahay? “Wiilkaan” kuma lahoo? Dukh adoogay ka weyn aaba wiil lagu sheegaa, indha adkaa!

“Maana-Faay haye? Haddee barasho wanaagsan!” Jaamac-Dhegey baa ku yiri, intuu eegmo micne gaar ah leh isha u dabuubay. “Xaafadayada sharaf iyo farxad bay u tahay in ay booqasho ku timaaddo qof adigoo kale ah, wax badan bay dad aan booqasho ugu tagnay noogu duceeyeen, ‘Malaa’igi ha idin soo salaanto!’ Maanta un baa malaha ducadaas naloo aqbalay.”

“Ha dambaabin malaa’ig ma ihiye!” Maanaa si xishood ku jiro u tiri.

“Mayee anigu wali ma qaan gaarine! Laftaydaa boodaye wali carruur baan ahay! Cirro-caanoodda miyaad aragteen!” Jaamac baa ku kaftamay. Labadii gabdhoodba way ku qosleen.

“Laakiin fiiri!” isagii baa sii watay, “Adiga laftaadu ma is og tahay in aad dambi iyo xaq-darro weyn samaysay?”

“Maxaa waaye xaqdarrada?” Maanoo dareen galay baa waydiisay.

“Wixii magacyo iyo qurux jiray haddaad keligaa iska qaadatay, gabdhaha facaaga ah maxaad u reebtay? Haddeerba ogow gabdhaha quruxda iyo magacyada fiican waayey hadday ku dacweeyaan anigu waan u marag furayaa in aad adigu dhacday; ee quruxdoodii iyo taadii isku darsatay! Haddii kale haddeerba quruxdaan siyaadada ah nus iska keen gabdhahaas ha loo qaybiyee; nuska kalaa adiga kaa badan. Labada magacna mid baa lagaa celinayaa; ama Maana dooro ama Faay!”

“Kan kalana see la yeelaa?”

“Kaad doorato ma ahee kan kale waxaan u bixinayaa gabadhayda dhalan doonta.”

“Haah, waa lagu gartay,” Maanaa la soo boodday. “Xaq-darradii aa aniga igu sheegaysay adigaa samaynaysid. Gabartaada lee wax la doonaysaa ma ahoo?”

“Ii dhiib gacanta!” Jaamac baa yiri “Waad igu qabatay godkaas, xalaal caleeg! Haddaba magacii waan kuu daayey, laakiin quruxda siyaadada ah adigaa dhibaato kuugu jirtaa, waayo waxaa ku caashaqaya dad badan oo aadan mashaakilkooda xallin karin; mid duq ah, mid aadan doonayn, mid fool xun sidayda! Ka warran nin buuran oo qaab daran, sida anigaygaas oo kale hadduu iska kaa caashaqo oo kaa ag dhaqaaqi waayo?”

“Isaga lee waaye,” Maana-Faay baa jawaabtaas kooban u celisay, ka dib markay kaftanka Jaamac dulucda ka dambaysa u tarjumeen dareemayaasha dumarka lagu yaqaan ee waligoodba erayada ragga shishadooda duluc shukaansi ka dhadhansada!

Waa dukh shaxaari eh! Wuxuu wadiyo webiga yaa weyn? Maanaa istiri, iyadoo qosolkii kaftankiisu ka keenay dabayaaqadii u dambaysay sii tirtiraysa. Wuxuu wadiyo webiga wuxuu wadaa weyn, walise adigu ma aad garane saacado yar sii sug!

Kulankaas gogoldhigga ah Jaamac-Dhegey ujeedda uu ka lahaa waa ka gaaray. Wuxuu uga dan lahaa in uu gabadha isa sii baro, qalada ka bixiyo, kormeer guudna ku sameeyo. Waxaa isku soo beegmay markuu hawshiisaas dhammaystay iyo markii Maana ka yare shakiday. Waase hargaantigaas waaya-aragga ahe, intuu dhawr jeer oo kale ka sii qosliyey, buu iyadoo la wada qoslayo istaagay, yirina, “Iga raalli ahaada qolaa i sugayoo aan ku degdegayaaye.”

Intuu soo labbistay buu fatuuraddiisii kala jiidayd la baxay.

— 3 —

Toddobadii fiidnimo ayay fatuuraddii kala jiidnayd Filladii ku soo laabatay. Saddex qof oo buubuuran bay xambaarsan tahay. Waa laba nin iyo naag. Meel albaabka weyn in yar ka durugsan baa lagu hakiyey. Labadii nin midkood baa ka soo degay. Waa Cawaale oo laba dhaloo wiski ah iyo isteeg sigaar ah labada gacmood ku kala sida. Beyddan Shabeel oo naagta fatuuradda saaran ahayd ayaa waydiisatay in uu guriga ku sii hor maro, si uu ugu faq daayo iyada iyo Jaamac Dhegey. Waxay rabtay in ay ka fara qabsato inta uu godlan yahay, ee u malabsanayo gabadha ay guriga ugu xeraysay.

“Si la yaqaan baan u soo dhisay,” Beyddan baa ku warramaysa, “Waxaan kaa dhigay nabi yar oo dee qof cawo iyo ayaan leh mooyaane qof kale aanay heli karin.

“Farax iyada hadde, qosolkeedaa baxaya. Waar waa bisishahay baan ku iri qoftu, waa bisishahay, si kale kuma garatide. Waa iska diyaar, diinu caleyhi salaam! Waad aragtay galabta siday kuula qoslaysay. Caawana hadda iskaba daa hadalkeeda!

“Barnaamijku wuxuu u socon doonaa sidii aynu isla ogeyn: Jardiinada meesha u qurxoon, cawska dhexdiisa, ayaa kuraasta saalootada iyo katiifadaha isbuunyada ah lagu goglayaa. Halkaasaad afartiinnu kuwada cashaynaysaan. Muusikadiinnaa idiin baxaysa, iftiin badan ma jiro, nalalkii midabka lahaa baa ilays nuxuus ah dhirta caleenta badan ka soo dhex dusinaya, jawigaa la sii bislaynayaa, waxyaalihii jawigaas oo kale dhakhsaha u bislayn jiray, xeeladahaagii waad iska garanaysaa, cidi kaagama khabiirsana.”

“Haa, haa. Inta dhimman aniga igu daa! Adigu waajibkaagii waad ka soo baxday,” Jaamac baa ku taageeray.

“Inta horoo dadka kale idin la joogaan,” Beyddan baa sii wadatay, “Kolleyba way yare xishoonaysaa, illayn wuxu waa iska carruure; laakiin marka barnaamijka qaybtiisa hore dhammaato, ee Cawaale Seynabtiisa guriga la galo, labadiinnuna isku cidlaysataan, warku waa iska dhan yahay markaas! Waah-waah! Wax baa meeshaas ka dhici doona! Yaa salaam! Adigaa un baan ka baqayaa in odaynimo ku ciisho! Iska celi baan ku iri cambaruuddaas bislaataye meeshaad ka taabataba cadanyadu ku didayso, illayn waa cosobkaas dihine! Haddaadan tabar isku hayne, haddeerba meel joog, gabadha gooryaanka ha iiga kaakicine.”

“Igu hallee baan ku iri, igu hallee,” Jaamac oo qosol la marqaansan baa ugu jawaabay. Riwaayaddii macaanayd ee loo sii sawiray baa ka farxisay. Dib buuse ka garan doonaa in ay tahay tab Beyddan lacag uga godlinayso.

“Hadda aroos wanaagsan,” Beyddan baa tiri, “Yaanan waqtigaaga macaan kaa sii kala dhantaaline, darewal i dhaweeya ii soo dir, kow dheh, waana la i haystaaye bal keen wax aan isaga fujiyo inkaarqabihii dukaankoo aan ilaa shalay hawshii aan ku jiray deynta kasoo daldalayey!”

Aahey, waqtigeedii baa la gaaray. ay silingaha mudan jirtay! Jaamac baa uurka iska yiri, afkana ka maqashiiyey, “Deyntaas waynu bixin doonaaye, beri iyo meelahaasaynu isaga imaan doonnaaye, hadda…”

“Berri aa?” Beyddan baa ka dhex gashay, “Berri warkeeda ma jiro ina adeer! Hadduu guriga ii fadhiyaa ismaa’iga Ilaahay! Anigoon lacagtiisii u wadinna aqalkaygii maba tagi karayo; waa mid baas oo dhegdheg ah. Wallaahiyoo waana iga jid leeyahay, maxaa yeelay ballantii aan markii horeba lacagta uga soo qaaday baa ahayd in aanan kala maqnaan wax saacado dhaafsiisan. Waataad dee shalay hawl culus madaxa ii galisoo wax baas baan kala dabbarayey. Markii lacagtu iga go’daba, intaan ku ordaan lahaa, ‘Armaajadii lacagtu iigu jirtay baa iga xirantaye, ii dhiib intaas.’ Boqolka, labada boqol, shanta, iyo wixi la mid ah. Kalyantinimuu ii aaminayey, aniguna qof meel isku hallaynaysaan ahaayoo waan ogaa in aad bixin doontid; inkastoo aan deynta islaameed nebcahay, wax kastaba shalay waan ku kacay intii aan lahaa ‘arooska’ Jaamac Dhegey yuu kala dhantaalmin! Wixii aad dambi i galisayna aakhiro waa ii yaal, waxaad igu akhriday ma aqaane, waligay nin kale sidaas uguma dadaalin!”

Jaamac Dhegey wuxuu ku sigtay in uu yiraahdo, “Duqda waxba ha isu kay bihinbihin! Ma anigaad ii dadaalaysay, lacagtaydaad u bir tumanaysaye! Waxba ha ii riwaayadayn! Deyn aad daraadday u gashay daaye, lacagtaad hore iiga dhuratoo caawa koleyga kuugu jirtaa dhawr bilood masruuf iyo marashi kuugu filan!” Afkase kama orane intuu uurkiisa ku ceshaday buu qosol been ah dhoollaha u caddeeyey, si degganna ugu yiri, “Wax waliba way hagaagayaan Beyddan; ninkaas lacagtiisa iyo wixii kaloo deyn lagugu leeyahayba anigaa bixinaya, ha ka cabsan; laakiinse hadda jeebka waxba kuma hayee berri ha inoo ahaato.” Beyddan mar labaad bay boodday, in ay berri sugtana diidday.

Meeshaan waa la isu gabbanayaa. Dabin baa la isla gaadayaa. Qofba qof buu jar u degayaa. Jaamac Dhegey in uu shilin dambe bixiyo ma rabo. Wuxuu goostay in uu caawa iska sasabo. Barnaamijkiisa rabsha la’aan ku dhammaysto, berri markay ku soo noqotana ‘ka kac’ yiraahdo, Waayo wuxuu ku xisaabtamayaa lacagtii badnayd ee ay hore uga cuntay iyo sida aysan jeebkiisa ugu naxariisanayn.

Beyddanna waaya-aragnimadeedii dheerayd ee ay rag hore la soo martay, ayaa waxay bartay, daqiiqaddaas uu hamuunta la faraxsan yahay, gabadhii ay guriga u geysayna u han weyn yahay wax ayan ka dhirin-dhirin in ayan dib dambe uga helayn. Xitaa haddii ay isaga ka dhab tahay ballanqaadka uu ku muddeeyey, waxay og tahay in uu saacado dhow ka dib ku turunturroon doono gidaarkii dhalanteedka ahaa ee ay udhoobdhoobtay. Way ogtahay in uu saacado yar ka dib ogaan doono beenteedii ay tiri “Qoftu waa bisishahay, waa diyaar.” Way ka dharagsan tahay qofta ay madaxa u galisay xaaladdeedu sida ay tahay iyo dhibaatada uu kala kulmi karo. Sidaa awgeed, aargoosi mooyee abaalgud berri kama filayso.

Labadaas jarood baa la isu dagayaa. Labadaas dabin baa la isla gaadayaa. Laba tuug isma xaddee waa la is mari waayey. Sheekadii dabacsanayd way yare kululaatay. Af gobaadsigii is-eedayn buu isu rogay. Asaraartan buuba u sii dillaacay. Afkii la isu macaaninayey erayo qaawan buu soo tuuryeeyey.

Beyddan baa markay irsiq u soo socda arki wayday afkii xumaysay, “Bilaash baan kuugu ordayaaye bakhayl aan waxba istaahilin baad tahay!” bay wajiga ka saartay.

Jaamac intii horoo dhan eray xanaf leh wuu ka ilaalinayey. Wixii ay tiraahdo wuu isaga dul qaadanayey, Waa dumare ha ku dayan, iyo Yay barnaamijkaaga kaa qasin! baa mar walba maskaxdiisa ku jirtay.

Laakiin markay “Bakhayl aan waxba istaahilin baad tahay!” gaarsiisay buu is celin waayey. Laba daraadle waxaa sii kululaynayey kumanka shilin oo uu og yahay in ay ka qabto, haddana wax aan jirin ka soo qaadday, ee cay ugu abaal gudday. Wixii uu uurka ugu hayey buu markiisa ku fatahay. Runtii qaawanayd buu wajiga uga dhuftay. Intay ka feer qaadatay bay cay iyo handadaad ku aamusisay. “Fataalad iimaan la’ baad tahay,” buu isagu ugu soo koobay. Waxay ku handadday in ay gabadheeda ka soo kaxaysanayso, xumaan kalena u geysan doonto. “Car waa kaase gurigayga foodda gali! Gabdhaha ma adaa dhalay markaad leedahay gabdhahayga, gabdhahayga?” Jaamac baa ugu jawaabay.

“War ma anaad i caraynaysaa?” bay tiri intay baabuurkii iska malmashay, iyadoo ku sii gooddinaysa, “Haddaan gurigoo dhan qiiq ka bixin, hooyaday naag ma dhalin!”

Intuu dhinaca kale ka soo degayey baa iyadii fikrad cusubi ku dhalatay. Fikraddii bay u bogtay. Waxay la noqotay tallaabada ugu wanaagsan ee ay uga aargoosan karto Jaamac Dhegey.

Dhankii Fillada oo ay ku sii fara baxsanaysay ma ahee dhankii kale intay isu majiirtay bay tiri, “Waa inoo tahay aniyo adiga! Haddaadan wax badan shallay dhafoorrada qabsan, Beyddan Shabeel la ima yiraahdo!”

“Soco, waxaad samayn karto samee!” Jaamac baa ka daba yiri, “Dib dambe haddaan agtayda kuugu arko wixii ku soo gaara adigaa ka mas’uul ah.”

Dhaarteeda wuxuu u qaatay inay ula jeeddo inay hablaha ku diri doonto, dib dambena wax ugu fataalayn. Naag haddaan rabno ma iyadaan ka baryaynaa, haddiise rufyaan loo baahdo imisaa joogta, lacagtayda uun bay ku xiran tahaye, bax dheh, qalin shubatada iimaanka la’! Maana Caddayna caawa gacantayday ku jirtaa. Berri hadday aragtana waxay doonto ha ku akhrido muhimku waa caawa! Keliya waxaa ii daran in ay caawa igu soo noqotoo jawiga iga qasto, laakiinse waardiyahaan ku ballaminayaa in uu cayriyo, maxay qaadi kartaa? Intuu baabuurka xeraynayey bay maskaxdiisuna Beyddan Shabeel mala-habowgaas ku xamaneysey. Haddii uusan male-habaabine garan lahaa meesha ay u duushay, intuu ka daba orduu la gorgortami lahaa, wax kastoo uu meeshaas uga celin karana siin lahaa. Hadda ogaal mee?

— 4 —

Cambaro Cali Dhoof habeenkaas carruurtii shaneemey u dirtay, sida caadada u ah habeen kastoo Jimce ah. Iyada waxaa jimcaysi u ah carruurta buuqooda oo ay ka nasato iyo haweenka Xaafadda sheekadooda oo intay sal-bacaadka u fariisato, ilaa ay ka hurdooto habeenkaas oo dhan “Hebla waxay tiri” iyo “Reer hebel waxay sameeyaan” la hayo. Waa habeenka qura ee hooyooyinka Xaafaddu isu helaan firaaqo ay ku kala bogtaan wixii sheekooyin qabyo ka ahaa. Carruurtu berri dugsi ma leh, ragguna shaqo ma leh. Meelayowgoodaas ayey ku soo kala jimcaysanayaan.

Hooyooyinka qudhooda caawa kama qasna. Inta Xaafadda ku xiran ee Golaha Hanuuninta u gurbaan qaadatay ma ahee intii kale sal-bacaadkaa la fadhiyaa. Waa siddeeddii fiidnimo oo rubuc dhimman. Guriga Jaamac Dhegey iyo sarta bulakeetiga ah ee ka soo horjeedda carra-guduudda u dhaxaysa ayaa gambarro iyo darmooyin lagu caweynayaa. Mid gambar ku fadhida, mid xusulku u mudan yahay, mid shaqo jecel oo darmo-falkis isku maaweelinaysa iyo mid uur la cuslaatay oo gidaarka barkin kula dhacadiidda. Neecow macaan baa dhacaysa. Sheeko xiiso leh baa isku dhacday. Warka waa la kala boobayaa, sida dumarka caadada u ah. Midina mid ku hansan mayso. Yaa sheekeynaya, yaase la dhegaysanayaa? Waxaad mooddaa mid waliba in ay is leedahay, Waa tartan hadaltiree, yaan lagaa badin! Waxba yaan lays dhagaysane waa la wada faraxsan yahay.

Cambaro Cali Dhoof goor ay sheeko xiisa leh dudubinayso, ee ku guulaysatay in ay dumarkii u dhawaa badankoodu kaligeed u dheg raariciyaan, ayay maqashay cod ayan garanayn oo dhabarkeeda ka soo leh, “Meeday ina Cali Dhoof? Waataad aniga meel cidla ah iga xag-xaganaysayoo eed aanan kaa galin igu masabidaysaye, caawa ninkaagii meel ma ku sheegtaa? Markuu caawana kaa dhaxo, waaba kaa dhaxayaayoo waan hubaaye, mid uusan siduu kaaga xiise dhigay uga xiisa dhigin buu dheel-dheelinayaaye; hadhow waxaad oran doontaa gurigii Beyddan Shabeel buu geerash u fadhiyaa! Berrina meel cidla ah iga madax gooso! Allow wax aan wax ogayn ha cadaabin!”

Shirkii faraxa la buuqayey, markii qumbuladdaasi ka dhex dhacday baa aamus kadis ah afka la wada xirtay, dhegaha iyo dhaayahana kor loo taagay. Qosolkii iyo sheekadii hal mar bay wada go’een, sidii mishiin korontadii ka go’day. Waa dumar iyo war jecliye, kuwii jiifay ama xusulku u mudnaa way sare fariisteen. Kuwii wax falkinayey cawdii oo ka dhici gaartay bay farihii ku kageen. Kuwii cuslaa ee dhacdiiday intay fududaadeen bay sal muggi u soo fariisteen. Kuwo guryaha ku jiray oo gabdho u badan iyagoo ordayey bannaanka isa soo tubeen. Mid-middii buuqaas ka xishootayna, dariishadday madaxa ka soo ridatay. Carruurtii agagaarka ku dheelaysay, way soo wada yaaceen. Dhammaantood iyagoo aamusan bay Beyddan Shabeel indhaha ku hayaan, sidii xer dishibiliin adag lagu carbiyey oo shiikhoodii wacdi la hor taagan yahay. Cambaro qudheeda, qofba mar buu isha ku xadayaa. Tolow maxay oran doontaa? baa qof walba is leeyahay. Iyana intay argagaxday baa carrabkii dalqada ku qallalay.

Cambaro sideeda reero dhibeed ma aha. Waa marwo intii la doono daggan. Hase yeeshee Jaamac baa ka badbadiyey, siiba beryahaan dambe aad buu u soo darsaday. Habeenkoo bar iyo buro tagtay buu ku soo ag dhacayaa, isagoo daan-daan ah; ama waaba iska dhaxayaa, hadhowna leeyahay, “Shir baa nala dheeraaday,” iyo wax la mid ah.

Beryihii hore way iska rumaysan jirtay. Ka dib bay xansi maqashay. Uurka way ka walaacday, dareen masayrna kama marnayn; afkase waxay ka oran jirtay, ee dumarka arrimahaas la soo qaada ugu jawaabi jirtay, “Iga dhaafa warkaas, wuxuu rabo ha sameeyee! Aniga shaqadayda ma aha, ninkii dambi sameeya mindhaa isaga iyo Ilaahiisay ka dhaxaysaa!”

Haddana waxay aragtay waxyaalo badan oo shaki galiya, xantiina way sii ballaaratay. Waxaa loo sheegay in ay u shaqeeyaan dad fataaliin ah oo ay ka mid tahay Beyddan Shabeel. Beyddanta markaas aqoon isuma lahayn. Waxaase tiqiin mid ay Cambaro saaxiib yihiin, dumarka habeenkaas fadhiyana ku jirtay. Waa qof kulul oo shar badan, qudheeduna ninkeeda ku tuhunsan in uu Jaamac Dhegey la mid yahay, waa qofka badanaaba Cambaro guubaabisa, wararkana u keenta.

Habeen sii horreeyey, oo laga war helay in Jaamac guriga Beyddan ku dhaxay ayay labadoodu Beyddan ku duuleen, si kululna uga digeen inay nimankooda faraha kala baxdo. Waxa hadda Beyddan tixraacaysaa ee masabidka ku sheegaysaa waa digniintaas.

Maalintaas Khamiisaad, Jaamac-Dhegey markuu Beyddan talefoonka ka helay, baabuurka iyo lacagtana u diray, ayuu xaaskiisa talefoon kula hadlay ee ku yiri, “Cambaro qolyo wafdi khubara ah oo dibedda nooga yimid baa la yiri gobolka Shabeellada Hoose ha la geeyo. Anigu rabashkooda maba rabine, ninkii igu xigay baan rabey in aan ku sii daro, kii baas baa jirraday; marka waa in aan hadda anigu kaxeeyaa. Hadde waa idinkaas; qado iyo casho waxba yaan la iigu tala galin.”

“Haa, goormaad ku maqnaanaysaa?”

“Wallaahi lama yaqaan, kolleyba caawa waa dhixid, laba saddex beri oo kale in ay qaadatana waa laga yaabaa, gobolku waa gobol ballaaran, beeraha iyo waxyaalo badanna in la tusaa la rabaa.”

“Waa yahay; safar salaama hadde! Qudaarna hore noogu soo qaad beerahaas aad ku wareegaysaan!”

“Waa hagaag!” buu yiri, isagoo talefoonkii sii dhigaya, dhoollahana caddaynaya, ee niyadda ka leh, Waa hagaag Cambaro, qudaar waan idiin keeni doonaa, laakiin beeraha Shabeelle ka keeni mayee suuqa Xamar-Weynan darawalka uga diri doonaa; waaba markhaati fiican oo aad i xasuusisay.

Sheekadaas iyada iyo ninkeeda saaka talefoonka ku dhex martay ayaa Cambaro ku soo dhacday, markay maqashay su’aashii Beyddan Shabeel lahayd, “Ninkaagii meel ma ku ogtahay?” iyo markay tiri, “Caawa wuu kaa dhixi doonaa, anaana og!”

Jugtaas lama filaanka ah Cambaro way la anfariirtay. Dareenno kala jaad ah ayaa mar qura maankeeda isku hardiyey. Naagta ay neceb tahay ee warka aan loo dirsan ula soo horratay way dhibsatay, araggeedana sharaysatay. Ninkeeda looga war keenay way ka shakiday, hoosna uga carootay. Meesha fagaaraha ah ee arrimahooda gaarka ah iyo ninkeeda ceebihiisa naagta cadowga ahi daaha uga qaadday, way ka galiilyootay. Warka naagtu sheegayso run kharaar baa uga dhadhantay.

Intaasoo dareen oo isku murugsan baa mar qura ku wada dhalatay. Hadalkii baa dhuunteeda ku xirmay. Af dhalaalaa ka soo haray. Goor dambay dareentay in afkeeda indhaha lagu wada hayo, ee jawaab laga sugayo. Markaasay intay is giriirixisay, waxeedii kalana qarsatay, sidii qof aan warkaas iyo naagta keentayba qiime u yeelayn u hadashay ee Beyddan ku tiri, “Adiga maxaa aniga iyo ninkayga dhaxdayada ku galiyey? Ma shaqa kalaad wayday? Meeshuu doono ha ku dhaxo, wuxuu doono ha sameeyo, anigaa raalli uga ah. Intaasi ma ku deeqdaa?”

Kulankii aamusnaa hugun iyo nuxnux buu bilaabay markii la maqlay jawaabtaas lama filaanka ah.

“Naa walaaley bal abaaldarradeeda day!” mid baa dhinac fadhiday ku tiri, “Qoftii dhammaydoo u soo digtay bay daalac u raacatay, intay u mahad celin lahayd. Aadane abaal xumaa!”

“Baga allaylehe,” tii kalaa ku jawaabtay, “Mudankeeday marisay! Waa runteede yaa u dirsaday diradiraalahaas iyo in ay ka dhex shaqayso laba qof oo is qabta?”

“Hoogey! Jac baa ku dhegtay!” mid aan kuwii hore la haysan baa la soo boodday, “Allow indhaha ma ka mirig-mirig siisay!”

“Kaalay intee ka timid iyada, kolley xaafaddeenna ma ahee?” mid yaabban baa waydiisay.

“Waa Cambaro dhiig la’aanteedii,” mid ninkeeda ka masayrsan baa ku canaanatay, “Intay boodi lahayde qoftaas la shaqaynaysa ka faa’iideysan lahayd bay iska af jigaysaa! Allow may aniga iiga soo warranto ninkaygii waxa uu samaynayo, bal sidaan cagaheeda dhulka uga qaado.”

“Abaaye dulmigu ma fiicna,” mid u dhaweyd baa ugu jawaabtay.

“Naa ha noo sheegin!” tii masayrsanayd baa la soo boodday, “Dulmi iyo khaa’innimo aabbeheed iyo hooyadeed waa nimanka. Sidee buu ku helay in ay iyaduna guriga u yuururto, isaguna naag xaaraan ah hoosta uga jiro?”

“Laakiin Jaamac Dhegey waa nin ikhyaar ah, haddana madax ah oo waxyaalaha qaarkood ka xishoonaya, u malayn maayo in ay waxaasi ka suurtoobaan.”

“Ikhyaar ikhyaar laysay! Ina adeer nimanka maanta jooga waa ikhyaar iyo waa awliyo lama yiraahdo, wax aan ka suurtoobin ma jiraan, imaankii baa Alla ka qaaday, imaanka Alla idinka qaad!”

“Wallee naagaha qudhooduna dab yar shidi mayaan, imisaan aqaan mid ninkeedu miskiin yahay oo intay ishiisa iska fiiriso koorno galaysa.”

“Wallee waxaa la yiri: khayr ha falin shar kuuma yimaadee!” Beyddan baa cod nuxnuxdii kaloo dhan aamusiyey ku qaylisay, “Heedhe waa adiga iyo dhiig la’aantaada, in aad hadalkaas iigu abaal guddid, markii inta ficilo dumarnimo i soo qaadday, aan is iri caawa intay indhaheeda wax ku aragto, ninkeeda ha ceshato, xaq ma aha in ay iyaduna keligeed sariirta galgalato, isaguna habeen walba mid cusub la marqaamo; yaah, markaan is iri miskiintaas dulman u hiili, oo caawa wixii dheg-ka-maqalka ku ahaa intay dhaayeheeda ku soo aragto, markii arrintu marag-ma-doonto noqoto ninkeeda iyo naagta ka qaadday ee sariirta ku cidlaysay wax ha la soo qaybsato, oo xuquuqdeeda maqan ha soo ceshato; markii faclal-khayrkaas iyo ficiladaas dumarnimo i soo qaadday baad sidaa iigu abaal gudday sow ma aha? Waa yahay. Anigaa iska xaal mariyey. Wax aanan isu geysan ima soo gaarin. Haddaba wax aan kuu sheegay ma jiraan, nabad gelyo!” oo is majiirtay, sidii qof tagtay.

“Kaalay, kaalay! Sug wax yar!” Cambaro saaxiibteedii kululayd iyo kuwo kaloo in filinku dhakhsahaas uga go’o diiddanaa ayaa ka daba qayliyey.

Qudheeda tagistu dhab kama ahayne dhoollatusad bay ka ahayd. Way garanaysay in la soo caro-celin doono. Haddaan la soo celinna iyadaa intay soo noqoto, taatikada baddeli lahayd. Wax kastoo soo gaara waxaa kala cuslayd ujeeddadii ay u timid iyo bar-tilmaameeddeeda Fillada Cagaaran.

Markii Cambaro ka xanaaqday, waxay isku canaanatay, Meesha facsharka ah bay ka xumaataye, malaha waxaa kuu fiicnayd in aad gooni ula faqdid!

Fikraddaasi markii horeba Beyddan kama maqnayne, ula-kac bay arrinta facshar iyo fagaare ka sheeg uga dhigtay. Waxay uga dan lahayd in ay Jaamac Dhegey dad badan ku hor fadeexayso, warkuna dhakhso u fido.

Beyddan soo noqotay. Warkii sii ballaarey. Dadkii soo badey. Buuqii sii koror. Cambaro sii wareertay. Warkii la sii kharaaraa. Run ula sii ekaa. Suntii masayrku maskaxdeeda ku sii fidday. Miisaankii xaggeeda u liic. Miyirkii iyo dagganaantii gilgishay.

“Xaggee ku soo aragtay ninka aad sheegaysid iyo naagihiisa?” Cambaraa laga hayaa, codkeedii oo baddelmay.

Haah, soo soco! Saasaa lagaa rabaa! Beyddan baa niyadda ka tiri, afkana is-giriirixin been ah ka maqashiisay, “Meeshaan ku soo arkay aniga uun baa oge, adigu faraha ka qaad. Illayn raalli baadba uga tahaye, in ninkaagu kuu soo tunto, markii hurdo soo qabatana ku soo ag jiifsado, isagoon far dhaqaajin karin.”

“Maya, maya, dhagayso walaaley,” tii ay Cambaro saaxiibka ahaayeen baa Beyddan ku maslaxday. “Warkeedii hore iska dhaafe, hadal ay iska tiri buu ahaaye, hadda si fiican ugu warran!”

Beyddan mar labaad bay xog-warran iyo guubaabo isku dhafan kitaabkeeda la kala baxday. Markay cabbaar daldalmaysay bay Cambaro intay is celin wayday fadhigii ka boodday, warkiina ka kala goysay, ee tiri, “Ma i geyn kartaa meeshaas aad sheegaysid?”

“Wallaahi inkastoo hawlahaygu iska badan yihiin, laakiin maadaama aan awelba sama-falkaaga u imid, tagsina waan wataa, hore waan kuu sii marin karaa haddaad jeceshahay.”

“Waa yahay ina mari, igana raalli ahow haddaan haddaayey hadal gaf ah kugula hadlay.”

Dumarkii wanaagga jeclaa iyo kuwo ay ‘ha lagaa sheego’ ka ahaydba giriif bay la kaceen. Waxay isku dayeen in ay tallaabadaas is hor taagaan, fidmada ka soo socotana baajiyaan. Beyddan Shabeel bay canaan kulul ku weerareen. “Wallee waxaa la yiri meel haddii wax ka socdaan dameerahaa weylo dhala. Naa islaanyahay orodoo qoriga dabka ahe aad la wareegaysid xaafadda noogala dhex bax! Maxaad ka helaysaa muslinkaad isku gubayso?” bay ku abhiyeen, Cambarana dajin iyo u caqli celin loolama harin. Kamase hoos qaadine, hadalkoodii dab iyo baasiin buu ku sii noqday. Kuwo la duuban oo hoosta ka guubaabinayeyna, horay bay u sii takhantakheeyeen. Intay kuwii celinayey erayo kulul ku weerartay bay markay ka yare gabbadeen tagsigii madax-madax isugu tuurtay, iyadoo intuu kontoroolkii ka dhumay, sidii wax aan miyir lahayn u daldalmaysa, qayladeedana meel fog laga maqlaayo. Beydanna, waa intii ay doonaysaye, intay ka daba gashay bay daaqaddii turriisha-la’aan qab ka siisay, darewalkiina u il jabisay.

Tagsigii guduudnaa ee luuqa mugdiga ah muddada taagnaa, hal mar buu intuu sidii wax xanaaqay qiiq iyo habaas ka bul siiyey, hortiisana iftiinsaday qoob iyo qaylo isku daray. Ciyaalkii Xaafadduna way ka daba yaaceen, intay isugu baaqeen hal-ku-dheggoodii ahaa, “Ka dhimeey ka dhin.”

“Koow!”

“Ka dhimmeey ka dhin!”

“Fakataa!”

Af-carruureedkaas aynnaan innagu micnihiisa garanayn, hadduuba micne leeyahay, ayay intay isu jiibiyeen; hal mar tagsigii fagax ka daba yiraahdeen, wayse ku guulaysan waayeen in ay dabada qabsadaan, sidii ay baabuurta yeeli jireen. Markuu ka libray bay dib ugu soo laabteen hooyooyinkood oo wali halkoodii amankaag la tuban, meeshii tagsiga araggiisa ugu dambaysayna indhaha u sii taagaya, sidii iyagoo is leh, Tolow maxaa ka soo noqon?

— 5 —

“Saacaddu waa toddobadii iyo labaatan, yartii way nagu soo daahday!” Ciisaa yiri, intuu saacadda eegay?

“Ma laga yaabaa inay soo noqon waydo?” Sahroo hiyi-kacsan baa su’aashaas ku walaacday.

“Yaa og! Waa iska dhacdaa!” Leyloo ka sii walwal badan baa u dayrisay.

“Goormay ahayd markay idinka tagtay?” Axmed oo muraara-dillaac ku dhow baa su’aal uu hore u waydiiyey ku celiyey.

“Nus saac ilaa afartan daqiiqo ka hor.”

“Markii Sahra ku soo aadday.”

“Ma habboonayn in aad sii daysaan!” Axmed baa ku canaantay.

“Way imaanaysaa,” Ciisaa ku dajiyey

“Ina kiciya, yaakhay, aan meeshii baadi goobnee, inta goori goor tahay!” Axmed baa soo jeediyey, isagoo intuu fadhiyi kari waayey, sidii libaaxad ilmo laga dilay gaaf-meeraya.

“Wax yar aynu sugno, Axmedow!” Ciisaa ka codsaday, “Haddaan yartu noo imaan meel aynu wax ka baadi goobno garan maynee.”

“Wax tilmaan ah idinma siin miyaa?”

“Waxba way tilmaami garan wayday, sidaan hore kuugu sheegnay.”

“Waxaan ka baqayaa inuu caawa ninkaasi iga fakado!” Axmed baa ku ciil kaambiyey, isagoo weli gaaf-meeraya, “Ninka Maana-Faay jartaas u degay, caawa aniga iyo isaga waa in midkayo aakhiro u hoydaa!”

“Naagta xun oo ruufyaanta ehna aniga ha la ii daayo! Kulli fidmo iyada waaye,” Leylaa ku gooddiday.

“Labadaas qof dhibaatada ay noo geysteen wax kasta haddaan ku samayno ciilkood i deyn maayo,” Sahraa ku sii adkaysay.

“Naagtu waa qalab lagu adeeganayee, arrinta gunteedu waa ninka. Lacagtaas iyo baabuurtaas la sheegayuu cid walba ku adeegsanayaa. Dad badanna ku dullaysanayaa,” Ciisaa yiri.

“Kolley waa nin lacag leh siday yarta hadalkeeda laga garan karo,” Axmed baa yiri, “Waa kuwa intay ladnaanta is bideen, beryahaan mujtamaca sal iyo baar dhibaatada ku haya. Awel dhallinyaradaa farta lagu fiiqi jiray, haddase kuwo odayaal loo haystoo noocaas ah baa khaati billaahi laga joogaa. Ninkaas caawa waad arki doontaane, car yuu noqon oday aan aabbahay ka yarayn!”

“Yartu waaba tiri,” Ciisaa ku taageeray, “Fillada ay sheegayso ee gabadha loo af duubay, habeenka ay tiri waan tagey, waxay noo sheegtay ninka meesha wax ka abaabulayey ee u muuqday ninka guriga leh in uu ahaa nin weyn oo buuran. Haddana boqolkii sagaashan waa ninkaas weyn ninka arrintan ka dambeeyaa.”

“Waa noocii Axmed tilmaamay, wax kale ma aha. Xoolo xaaraan ah oo tuugo iyo dhiigmiirad lagu helay baa si fudud loogu hodmayaa; ka dibna awooddaasaa lagu burburinayaa mujtamacii kaadixa ahaa. Baahida iyo faqriga ay iyagu badeen bay ka faa’iidaysanayaan.”

“Iimaanka Alla kaa qaad! Aaway xaaskiisii iyo caruurtiisii?” Sahraa duqii la eedaynayey ku nacladday.

“Ma xaas iyo carruur buu dan ka leeyahay waa wax aan damiir lahayne?” Axmed baa yiri, “Ilaahow intaan ka arkayo ha i dilin! Wixii aad xaq-darro gashay haddaanan caawa kaa soo matajin, maradaan ku jiro nin kuma jiro, adiga iyo fataaladdii sibraha weynaydba!”

“Abboowe waa ku tuugaa aniga ii daa, aan kab uga ciil beelee, kuwaasoo kale in la kabeeyo uun bay ku fiican yihiine!” Sahraa tiri, markii lagu qoslayna sii hadashay, “Haddii nimanka oo dhan sida aabbe camal wadaad u ahaan lahaayeen, fidmo ma dhacdeen haye Axmed?” Aabbaha ay sheegaysaa waa abtigeed Jaamac Dhegey! Maadaama uu isagu korsaday, aabbay tiraahdaa.

“Aabbe wadaadnimadiisana anigu kama helo,” Axmed baa ugu jawaabay, “Wax aan mushkilad ahayn buu mushkilad ka dhigayaa. Annagoo intaas la’eg buu rabaa in uu na ilaaliyo, sidii gabar makhabiyo ah.”

Sahraa intay sidii qof wax cusub gocatay u qososhay tiri, “Ka warran Axmed, haddii aabbe arrintaan loo sheego, fajicisay ku noqon lahayd haye?”

“Waxan oranayaa: Waa taad anaga wax naga sheegi jirtaye, odayaal facaaga ah baan kala baxsan waynay gabdhihii aan guursan lahayn!”

Saddexdii kale way yare qosleen, Leylase intay sidii wax hadalkaas diiddan indhaha taagtay bay Axmed ku tiri, “Laakiin abboowe ma loo baahna in aabbe loo sheego! Ceeb waaye!” Axmed waa ku gartay walwalka galay. Waxay is hortaagaysay in walaasheed Maana-Faay soddogeed lala socodsiiyo meelaha foosha xun ee raadkeedu gaaray, si kasta ha ku gaaree! War la’aanay ba’! Waxa ay ka walwalayso iyo waxa dhici doonaa ka la weynaa!

“Maya walaal!” Axmed baa ugu laab-qaboojiyey, “Waan iska kaftamayaaye ma waxaasaa waalidka loo sheegi karaa?”

“Haah! Waa tanaa Faaduma-Yarey!” Sahraa asxaabteedii ugu bishaaraysay.

“Baraafo Faadumiina!” Ciisaa ku bogaadiyey intuu madaxa u salaaxay Faaduma-Yarey oo la neef tuuraysa orodkii ay soo orodday.

“Ina keena haddaba, yaan waqti kale naga sii dhumine!” Axmed baa yiri, isagoo sii dhaqaaqaya.

— 6 —

Tagsigii heeganka u ahaa baa la isku guray. Ilaa Jidka Soddonka ayaa bar-tilmaameed la siiyey. Markii halkaas la gaaray baa majarihii Faaduma-Yarey lagu wareejiyey. Waddada Daraawiishtay ku leexisay. Cabbaar ha la sii socdo. Babicii shishe ha loo baxo. Faaduma-Yarey ha shakido. Haddana ha dhiirrato. Jid-cadde midig u weecday tagsigii ha la weeciso. Tagsi kale ha ka hor yimaado. Labadii tagsiile is garte. Isu hakade. Isu tannaagoode, “Waaryaahe waa ninka! War na sii qaadkayagii walaashaa wase! Ballan iyo diin midna ma lihide!”

“Ina adeer ballantii kaagama bixine islaan wareersan baa i waashay, oo waqti aanan ku tala gelin iga qaadday.”

“Islaantu waa tuma? Ma tii qalin-shubatada ahaydoo kugu shaqaysan jirtay baa? Beyddan miyuu ahaa magicii ad ku sheegayseen?”

“Tii baa caawa meel halkaan ah dab afuufaysa. Nin xisaabo ka dhexeeyeen bay mindhaa intay isku xanaaqeen waxay…”

“War ha ii sheekayne jaaw! Dad baan wadaaye mar kale ha inoo ahaato,” kii sheekada loo hayey baa ka kala gooyey. Isaga sheekadaas dani kama hayne, markii qaadkiisii loo soo tuuray buu tagsigiisii marsho gashaday. Wuxuu tixgelinayey dadka uu u kiraysan yahay.

Arrin uu moog yahay baase jirtey. Waa sheekada uu kala gooyey xiisaha ay u leedahay dadka uu sido. Markii tagsiilaha cusub sheegay in uu Beyddan Shabeel la shaqaynayey, ayay intay is wada dhugteen dhagaha taageen. Hal saacna meesha ha la taagnaadee raalli iyo nus bay ka ahaayeen in sheekadaas la dhammaystiro. Tagsiilihii waday way ku diideen sheekadii uu saaxiibkii ka kala gooyey iyo dhaqaaqiddii uu damcay.

“Mayee waxba ma degdegaynee dhammaysta sheekadiinna,” Ciisaa yiri.

“Islaanta iyo ninku lacag bay ku dirireen miyaa?” Sahraa tagsiilihii cusbaa waydiisay, si xog-warranku ugu furfurmo.

“Lacag bay isku laayeen,” tagsiilihii baa sii amba qaaday, “Markaasay intay gurigiisii tagtey naagtiisii soo qaadday. Fillo buurkaan ku taal oo mindhaa ay fiidkii hore naag ugu geysay bay duqdiisii uga dul geysay. Fillada markaan ku sii dhaweyn bay igu tiri, ‘Jooji baabuurka!’ Tii kalaa dagtay ee caradii iskula sii daysay. Anigana waxay igu tiri, ‘Ina keen aan gidaarka dambe shabaqiisa ka daawanee.’ Gidaarkii dambe markaan tagnay waxaan aragnay nin iyo gabar isku mashaqaysan! Ninku gabadha ma xoogi rabey ma aqaan, xaalkoodu siduu ahaa ma garanayo. Waxaan u jeeday qoftaan oo qaylinaysa iyo ninkaan oo marba intuu ku soo dhago jajuubaya, iyaduna intay ka fara baxsato kab iyo qori wixii ay haaban karto ku tuuryaynaysa. Iyagoo sidii ah bay naagtiisii ka dultimid. Hadee ma war baa ka dambeeyey! Kabteeday la kortay!”

“Istaahil!” Leylaa la soo boodday.

“Allaylehe baga!” Sahraa ka daba tiri.

“Iihi? Ka bacdina?” Leylaa tagsiilihii waydiisay.

“Anigu iyagoo wali sidii isu haystaan ka soo tagay,” tagsiilihii baa ku jawaabay.

“Islaantiina aaway?” Axmed baa weydiiyey.

“Halkeedii bay ku dhakanaysay. Gidaarkii bay wali ka daawanaysay; anigana waxay igu tiri nus saac kadib ii soo laabo.”

“Ina mari, ina mari!” Axmed oo sii hiyi kacay baa tagsiilihii ku amray.

Markii tagsigii dhaqaaqay bay faallo bilaabeen; waxay aad ugu farxeen fadeexadda iyo fashalka ku dhacay ninkii ay u dhaarsanaayeen. Waxay u riyaaqeen dagaalka ka dhex qarxay Beyddan iyo saaxiibkeed. Waxay u bogeen tallaabada fadeexaynta ah ee Beyddan qaadday. Waxayse ka walwalsanaayeen Maana waxa ay daqiiqaddaas ku sugan tahay.

— 7 —

Tagsi xammaysan ayaa Filladii isa soo hor taagay. Dadkii saarnaa baa degdeg uga firxaday, sidii ciidan weerar ah. Axmed baa u hor booday. Tagsigii oon saani isu taagin buu daaqadda iska malmalay. Sahra iyo Leyla waxba kama dambeyne way ka feer qaateen. Ciisana waa sii higsanayey. Wuxuu ku fekarayey in uu dejiyo qofkii aad u xarga goosta, wixii khasaaro weyn soo jiidi karana ka hor tago. Faaduma-Yarey iyo tagsiilihiina dhaqdhaqaaqa socda sheedda ayay ka il baadsanayeen, sidii ciidan kayd ah.

Nasiib wanaag, ganjeeluhu waa furan yahay. Ilaaliyihii waa maqan yahay. Markuu qaylada maqlay buu ogaansho-jecli gudaha kula orday. Intuu luuq mugdi ah ku gabbaday buu waxa dhacaya ka daawanayaa. Dadka wuu kala qaban lahaaye dishibiliinkii hore loo baray baa ahaa in uusan u soo dhawaan meelaha madaxdiisu ku baashaalayso!

Deydkii weynaa baa la isku wada shubay. Dadkii la raadinayey wali ma muuqdaan, waxaase lagu hiranayaa qayladooda ka yeeraysa jardiinada duleedka ah. Qaylada inteeda badan waa codka haweeneyda. Muusanow iyo dhaar isku dhafan bay si miyir la’aan ah ugu buuqaysaa. Sanqar is jiidjiid iyo is takhan-takhayna waa ka dhex yeeraysaa.

Ciidankii weerarka ahaa waa la sii firxaday. Ubixii jardiinadaa lagu sii durduriyey. Abaartamintadii bari baa lala wareegay. Sahra kabteeday la sii baxday. Axmed shaatiga gacmihiisuu sii laablaabtay. Ciidanka isagaa u horreeya. Laba qof oo is jiid jiidaya malluugtood baa u soo baxday. Waa nin iyo naag. Waa sidii tagsiiluhu u tilmaamay. Ninkaa kulleetiga lagu dhaggan yahay. Af iyo addinba afadaa wax weeraraysa. Ninku keliya waa is daafacayaa. Wuxuu ku dadaalayaa in uu iska fujiyo iskana diro qofta dumarka ah. Abhis iyo handadaad buu marba mid ku dayayaa.

“Naa orodoo iga tag islaanka haddaad ku jirto!”

“Islaanka adaa Alla kaa saaray! Ninka isagoo cimri bilisaad ku jira maanta fisqi iyo…”

“Ha igu kallifin baan ku iri in aan kuu gacan qaado! Ma…”

“Ii gacan qaad! Qudha iga goo! Aan iska dhinto intaan fawaaxishkaas kugu ag joogi lahaa! Sharad Ilaahay waxaan ku galay caawa in labadeenna mid god u hoydaa! Soo bax baan ku iri sharciga Maxamed-ya ah ila qaabil!”

“Naa hooy waa kuu roon tahaye orodoo gurigaagii aad intaad arrimahayga faraha kala baxdid, aniga maxaad iga…”

“Guri? Gurigaa iyo garaacdaa ba’day! Guri dambe haddaan sidaan kuugu joogo, gurigay ha ba’o!”

Axmed markuu erayadaas caddaan u maqlay buu orodkii socod ku baddelay. Codkii buu sii dhuuxay. Saantii buu sii dabciyey. Wax baa xiskiisa saaqay.

Waa maxay waxa yeerayaa? Codku mid aan aqaan u ekaa! Ma yahay? Ma noqon karo! Waa yahay! Waad waalatay! Ma noqon karo! Waa yahay! Maxaa dhacay? Ma waalan rabtaa? Acuudu billaahi!

Intuba inta ka dhakhso leh. In yar buu u soo jirsaday. Islaantii buu ka il buuxsaday. “A’! Iga qari. Iga qari!” Indhihii argagaxay buu odayga xaggiisii ula cararay. Mise yaahuu! Wallee waa aabbihii! Waa siduu codkiisa u gartay. Cirka iyo dhulkuba intay la wareega caddeeyeen buu jeega-jeego u turun turrooday. Intuusan dhulka ku dhicin buu geed ka dambeeyey dhabarka ku cuskaday. Madixii ay la noqotay in uu sidii kubbad la laaday kor u duulay, ayuu laan gees u baxday xagasheed jeegada u saaray. Afartii addin oo ruuxii ka baxay buu isku martay, indhahana isku qabsaday!

Sahradii daba ordaysay baa isku naxday. Waxay is tiri ma ninkii uu weerarka ku ahaa baa durba xabbad ka hor keenay!

“Abboowe maxaa kugu dhacay?” bay tiri iyadoo madaxiisii laanta saarnaa soo toosinaysa. Hadal iyo jawaab ma leh. “Ba’ayeey! Wiilkii maxaa helay? Abboowe, Axmed.” Saaxiibteen wali war ma hayso.

Intuba inta ka dhakhsa leh. Intii ay sidaas lahayd Ciisihii soo higsanayey horay buu u sii dhaafay. Labadii is jiid-jiidaysay buu toos u abbaaray. Laba tallaabo markuu u jiray buu Jaamac Dhegey aqooday. Indhihiisii buu rumaysan waayey. Islaantii buu ku jeestay. Mise wallee waa Cambaro Cali Dhooftii cududaha gaabnayd! Ceebeey tacaal! Tanina ma noo dambaysay? Dhawr ilmiriqsi buu meeshiisii ku dhagaxoobay. Socodkii baa ka kala dhumay. Waqti dheerse kuma qaadane horay buu ugu dhaqaaqay, isagoo niyadda ka leh, Nin bad ku haftay qoyaan iskama dhowro!

Intuu labadii qof kala dhex galay buu labadiisa gacmood ku kala qabtay, kuna waaniyey in ay is-dajiyaan. Intuusan hadlin, Jaamac-Dhegey wuxuu u qaatay ninkaa xoogga leh ee isaga iyo xaaskiisa kala qabanayaa in uu yahay saaxiibkii Cawaale oo guriga ka soo baxay, markuu maqlay buuqa dagaalka. Cawaalase sooma bixine isaga iyo gabadhiisiiba qolkii ay ku jireen bay waxa dhacaya shabaqa dariishadda ka daawanayaan, intay nalkii iska damiyeen, si aan loo arag. Waxay ka baqeen haddii ay soo baxaan inay lafahooda la baxsan waayaan, illayn dambiga wax bay ka galeene.

Jaamac intuu qumaati isu taagay buu ninka u soo gurmaday wajigiisa eegay, isagoo rafashadii badnayde labada dumar ahi isu baddeleen daalkeedii la neef tuuraya. Dhaayihiisii buu rumaysan waayey, Ma anaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa! Intuu indhaha sacabka mariyey buu mar labaad ninka wajigiisii dacliyey. Mise wallaahi waa Ciise Dheere! Waa shaqaalihii uu madaxda u ahaa. Waa dadkii uu isaga dhigi jiray ikhyaar ceeb-ka-saliin ah. Magac ba’ay! Ma fadeexad baa dhimman? Ma waji shaqaalihii lala hor tagaa harsan? Ma af damboo lagula hadlaa yaal? Meel kaleba maradu ha uga dhacdee, ma Filladii Cagaarnayd ee uu shaqaalaha eedda badan uga galay baa fool-xumadaan lagula qabtay? Ma kashifantay sababtii uu u xirtay gurigaas hay’addu lacagtiisa bixiso?

Jaamac Dhegey ma aha ragga danaysiga u bareera, dambigoodana ku dhiirran. Sidii horeba loo soo arkay aad buu u ceeb neceb yahay. Sharafta xaggeeda lagama maro. Ceeb-iska-dhawrka iyo magac-ilaalinta waa ku dhintaa. Waa sababta weyn ee ku kalliftay in uu gurigaas qarsoodiga ah samaysto, si uu isaga ilaaliyo in meelaha qaarkood lagu arko, isagoo ku dhex jira waxyaalahaas la xun, haddana uusan dayn karin. Jaamac geeri buu ka dooran lahaa fool-xumada Ciise Dheere caawa uga dul yimid! Yaase is-gaaray?

Leyla Xaaji Muumin waxa u daran ee ay soo tiigsanaysay waxay ahaayeen in ay mar uun indhaha saarto walaasheed oo nool. Intii Axmed qarracmayay, Sahra ku hagooganaysay, Ciise dadka kala qabanayey; iyadu baddaas oo dhan kuma jirine walaasheed oo meesha uga muuqan weyday ayay jardiinnada ballaaran ka dhex baadi goobaysay. “Maana! Alla ma noola miyaa? Maana ku aaway Maana?” ayay taagteed ku qaylinaysay.

— 8 —

Maana-Faay waa tii jar loo dagay, jardiino loo goglay, casho loo darbay, ciyaar lagu dhaba waliyey, jawi caadi ah lagu hoosaasiyey. In riwaayad loo dhigayo way malaynaysay. Waxa ka dambeeya way ka dareen qabtay. Markii iyada iyo Jaamac Dhegey loo faq daayeyna wax waliba way u caddaadeen.

Faq-deyntaas waxaa loo sameeyey si xarfad ah. Markii cashadii laga soo jeestay ayay Saynab intay sidii qof guriga alaab ka doonaysa iska dhigtay gudaha aadday. Cawaalena in yar ka dib buu intuu suuliga ku marmarsooday ka daba tagey.

Jaamac Dhegey markaasuu dhaqdhaqaaq cusub bilaabay. Maana intay mar qura, sidii neef bahal arkay, fadhigii ka boodday bay tiri, “An waa baxaa!” iyadoo codkeeda cabsi carruurnimo ka dhex sanqarayso. Jaamac wax walba waa isku dayey si uu gabadha u ceshado. Waxse Alle kama dheefsiin. Erayadii uu u macaaninayey eebay ku sii noqdeen. Inta uu la hadlayo wayba sii dhaqaaqaysaa. Markuu af kala quustay buu addinna ugu daray, ee gacanta soo qabtay. Intay sii argagaxday bay gacantii ka dhifsatay, iyadoo ku qaylinaysa, “Idaa! I daa! I daa!”

Ninka odayga ah xisaab culus baa ka maqan. Qoftii uu la xisaabtami lahaana waa tay hore u kala dhinteen. Waa tii la isu dhaartay. In uu dhakhso u quusto lagama yaabo! Wax kasta ha ku qaadatee, waa in uu ka sal gaaraa. Is dhiibid ma oggola.

Isaga iyo Maana oo sidii isugu ba’an waa tii Cambaro ka dul timid. Waa tii kabtiisa u dadajisay.

Maana-Faay dhexday ka baxday. Markii ninkii laga fujiyey bay cagaha wax ka dayday. Markay cabbaar orodday bay boorsadeedii towday. In ay ka tagto iyo in ay ku laabato ayay isku qabatay. Baahidii ay saaka kala maarmi wayday bay soo xasuusatay. In ay ku noqoto ayey ku calool adaygtay, intay geesinnimo is-gelisay. Raad-raadinteedii waqti kalay ku qaadatay.

Markay gacanta ku dhigtay bay isa soo gaddiday. Baabuurka yimid iyo dadkii ganjeellaha furan ka soo galayey bay aragtay. Malaha waa saaxiibbadiise intaysan kuu maja xaabin ka carar! bay is-tiri. Daydka dhankiisii mugdiga ahaa bay isku sii daysay. Waxay goosatay inay gidaarka ka booddo, hadday doonto lug iyo gacanba ha ka jabtee. Goor ay darbigii tafayso oo meeshii ay lugta saartaba la sidbanayso, ayay jardiinada dhankeedii kale ka maqashay, “Maana! Ku aaway Maana?” Waa codkii walaasheed Leyla oo ayan ka habaabayn. Haatuf samada uga soo degay bay la noqotay. Hal mar bay darbigii ka soo haadday. Dhirtii ka hoosaysay bay soo jibaaxday. Dharka ay jeexayso iyo dhiigga ay korkeeda ka keenayso ma dareemayso. Saacado ka dib bay dhiigga arki doontaa.

Dhankii looga dhawaaqayey bay ku fara baxsatay, iyadoo sidii wax bahal cayrsanayo qoob iyo qaylo isku daraysa, “Abbaay Leyla! Abaay Leyla! Abaay! Ab…”

Codkii aad u dhuubnaa ee Maana-Faay, isagoon meel kale ku leexleexan buu Axmed wadnaha tikaareeyey. Warankii horoo ku dhacay waa kii la suuxsanaa. Waalidkiis markuu ku naxay waa kii muraara dillaacay. Maqalkii codka Maanaa maankiisa wada ruxay. “Abaay Leyla! Abaay Leyla,” ayaa xiskiisa ka yeertay. Codku waa xaggee? Ma cirkuu ka soo yeeray? Ma dhulkay ka soo dhawaaqday? Ma midig baa, ma bidix baa? Ma run baa? Ma riyaa? Intuu ‘haw’ soo yiri buu hareeraha ku hambaabaray. “Maana! Maana ku mee?” buu qarway. Marba dhinac u orday. Markaas show waaba ku soo dhow dahay.

Toban tallaabo markay u soo jirtay bay si dhalanteed ah u dareentay hummaag Axmed u eg. Wax jiriirico la moodaa jirkeeda shax ku yiri. Addimadii ay ku soo ordaysay baa laleemooday. Indhahay isku qabsatay, haddana kala qaadday, sidii iyadoo hubinaysa in ay shaqaynayaan iyo in kale. Isla daqiiqaddaasuu isaguna indhaha saaray.

Afar indhood oo hilow iyo kalgacal isu harraadan baa hal mar isku dhacay. Gantaalihii cishqigaa is-hardiyey. Maana af iyo addin midna way dhaqaajin kari wayday. Axmedna intuu sidii haatufka u soo haaday buu hal mar gabadhii kor ula booday. Muddo aan yarayn kaddib buu cagaha dhulka u dhigay. Cududaha intuu qabtay buu wajigeeda ka il-buuxsaday, sidii isagoo hubinaya in ay iyadii tahay iyo in kale.

Afartii indhoode isu oommanayd baa mar labaad isku ambaday. Qoftii jacaylkaa danqatay. Maana-Faay illin baa ka soo butaacday. Axmedna eray qaali ah baa ka soo baxay. Waa erayga uu u jecel yahay waxa ifka ku uuman. Waa iyada magaceeda! Intuu dhabankeedii ilmadu ka da’aysay sacab naxariistii gacalnimo ku idishahay ku salaaxay, ayuu cod qalbiga ka reemaya ugu guuxay, “Maana!”

Maqalkaas macaan baa maankeeda jibaaxay. Muhashada xasuustaa i dishay! Farxaddii xad-dhaaftay bay kula fara baxsatay. Sidii wax la maray bay wiilkii isugu duubtay, iyadoo cod raynrayn la qosol-ooyaya ku leh, “Axmed! Macaane!”

Laba nafood oo is-jecel baa laxaw buux-dhaafay iskula boodday. Laba xabad oo isu jeellan baa la isku xoqay. Qofba qofka kale qoortiisuu isku maray, quwad intii uu lahaana isku cadaadiyey. Boholyowgii gaamuray baa la is-kula weyraxay. Marba inta la is-gacalo-milicsadaa misna la isku boodayaa. Shumis la isku boobayaa. Bogga la isku qabanayaa. Farxad lala bururayaa. Bi’iwaa jacaylow! Mindhaa baabyo badanaa! Maana-Faay “Axmed” iyo “Macaane” mooyee eray kale waa ka soo bixi waayey. Illinteeduna shaarkiisii bay qoysay. Isagu mar dambuu erayadii haleelay. Isagoo la moodo in qalbigiisu hadlaayo ayuu yiri, “Maana! Ii dambi dhaaf macaaney! Wixii kugu dhacay anaa kaa dhaqayee. Inta aan noolahay adaa i leh. Maana! Waan ku jecelahay Maana! Inta ifka saaran adaan kuu jecelahay. Ma jiraan wax aan kugu doorsanayaa, naftaydana ha ahaatee. Nolol aadan ila wadaagin iima jirto Maana! Wehelkii naftaydaad tahay macaaney! Wadnahaad iiga taal gacaloy! Xanaaqa xad-dhaafka ah iyo fudaydka aan loo baahnayn waxa iga keenayaa waa jacaylkaaga xoogga badan.

“Gacaliso! Haddaad markaan i cafido, waxaan kaa ballanqaadayaa in aanan munaafaq dambe fursad u siin in uu na kala dhex galo. Intii horana waaya aragnimo ha inoo ahaato!”

Eraygii afkiisa ka soo baxaaba Maana oof buu ka siibayey. Farxad bay la ilmaynaysay. Erayadii haleeli wayday. Adduunyada furaheedii in farta laga saaray bay la noqotay. Waxay la ahayd in ay riyo macaan ku jirto.

— 9 —

Markii Axmed Maana codkeeda ku soo baraarugay bay Sahra ka tagtay. Bartilmaameeddii horoo ay ku ordayeen bay u sii gudubtay. Waxay aragtay labadii qof oo Ciise ku kala dhex jiro. Ciisihii bay u carootay. Ha is-laayeene, muxuu u kala qabsanayaa? bay is-tiri. Intuba inta ka dhakhsa leh. Islaantii bay hagaag u eegtay, “Yaah? Maxaa waaye? Ba’ayeey!” Ninkii bay ku jeesatay. Mise yaahuu! Runta qaawani kharaaraa! Qac! “Aa! Hoogey! Hoogaye ma aabbaa ninka walaalkay gabadhiisii shirqoolay? Hoogayoo ba’aye xaggee ku dhuuntaa?” Dhuuman kari mayside calool adayg miciinso! Jilbahay dhulka ku dhufatay, sidii wax la fayla gooyey. Cagaarkii bay ku dul rafatay.

Intuba inta ka dhakhsa leh! Waxaas oo dhammi isku daqiiqad gudaheed bay dhacayaan. Waa isla daqiiqaddii Jaamac-Dhegey Ciise-Dheere aqooday. Qarracankii uu ka jeeso is yiriba qacdaan kalaa ugu xigtay. Codkii Sahra Yuusuf oo uu durba aqooday, baa sida fallaar mariid leh dhagihiisa ugu dhacday, xiskana kala dhambalay! Sidii wax sasay buu afarta jaho u jees-jeestay, sidii isagoo ka raadinaya fur dalooloo uu ka duso, intaan indhihiisa iyo kuwa gabadhu isku dhicin! Godkiiyow kumee? Guri ba’ay! Gole ceebeed! Guuldarro! Gabadhiina ma timid? Ma tahay? Ma la hubaa? Ma iyadii baa? Baloy la tag! Jinnow iga qaad! Maxay soo doontay? Maxaa i tusay? Maxaa i uumay? Maxaa igu watey? Maxaa i dhaliyey? Maxay tiri? Gabadhii walaalkay aa? Gabadhee? Walaalkee? Ma Axmed? Ka kac! Beentaa! Qad iyo hus! Ha dhihin! Ma mid kalaa jira? Ma jiro! Walaalkee? Gabadhee? Afka Alla ku goo! Allow been ka dhig! Ma gabadhii wiilkaygu? Us! Ma dhihi kartid! Ma noqon karto! Aamus! Afka Alla ku goo. Gabadhee? Wiilkee? Yay sheegaysaa? Waydii! Ha la hadlin! Ha fiirin. Maqal, maqal! Muxuu yiri? ”Maana ku mee?” Ma isagii baa? Ma runteedaa? Ma dhici karto! Maxay leedahay? “Axmed” aa? Magacay ba’! Iga qariya! I qabta! Dhulku waa ordayaa! War dhulka qabta! Cirka iga celiya! Waa igu soo dhacayaa! Igu soo dhac! Igu soo dhac!

Intuba inta ka dhakhsa leh. Madixii calwasaadayey buu dhanka midig u duway. Ha u duwin lahaydaa! Ilayn waa dhankii Axmed iyo Maana ka jireen! Labadoodii oo isku maran mar qura isha qac! Musiibadii uu rumeysan la’aa, haar bannaan hortiisa wagac! Wax jibin la moodo wadnihiisa jug-jug!

“Ooo!” iyo odaygii oo mar qura faniinay baa lagu war helay! “War qabta! War qabta!” Waa lagu soo wada yaacay. Ciise-Dheeroo dadka ugu dhawaa, wax miyir qabana meesha ka joogay, baa intuu dhinac fariistay lugtiisa u barkiyey, wadnahana taabtay. In uu shaqaynayo iyo in uu fariistay waa kala garan waayey. Haweenkii oo argagaxsane erayo baroor-diiq u dhadhamaya iyo su’aalo aan loo baahnayn ku calwasaadaya ayaa ku soo qamaamay. Wadnihiisa iyo halbowleyaashu say gacmaha kula wada ordeen.

“Dhaafa, dhaafa!” Ciisaa ka didiyey. “Ka leexda idinku, hawada ha ka xirinee! Waxba ma aha, waa fiican yahay; waa shoog yar oo iska caadi ah, iska jooga idinku anigaa soo daweynayee! Isbitaalkaan geynayaa, irbad baa lagu dhufanayaa, haddaba waa miyirsanayaa.”

Hadalkaasi Ciise afka uun buu ka ahaa. Dadka argagaxsan buu ugu laab qaboojinayey. Uurkase isagaa dad ugu walwal badnaa. Jaamac-Dhegey geeri iyo nolol midka uu u dhow yahay shaki baa uga jiray. Wuxuu maskaxda ku hayey in ay meesha joogaan dad kale oo xiskooda hore nabarro ugu dhaceen, haddii wax yari u sii raacaanna, caafimaadkoodu halis qarka u saaran yahay!

Haddii odaygu, lacalla xagga geerida u bato, ama xaalkiisu xumaado, dadkiisii awelba musiibooyinkii hore la muraara-dillaacsanaa waxay halis u yihiin in ay qaarkood ka raacdo. Sidaa awgeed, Ciise wuxuu go’aansaday in uu ku dhaqaaqo sidii uu iyagana ku badbaadin lahaa, odaygana gargaar degdeg ah ula tiigsan lahaa. Amarro diirran buu degdeg isaga daba bixiyey, “Sii orod baabuurka soo dhawee!” tagsiilihii buu ku amray. “Kaalay oday, ila qaad ninka!” ilaaliyihii buu ku yiri. “Ka leexda idinku! Ka fogaada!” Axmed iyo Sahra oo in ay la qaadaan damcay buu isaga fogeeyey. In ay raacaanna waa u diiday. “Iska sii jooga idinku, odayga anaa soo durayee! Haddaan soo celinayaa asagoo ladan!” Ciisaa ku laab dajiyey. Xataa Leyladii kalkaalisada ahayd oo rabtay in ay caawiso, si kulul buu isaga reebay.

“Jisadiisa weeye, dambigii uu galay baa laga jeebayaa, Allow toobada ha na seejin!” Cambaraa tiri, markii ninkii la qaaday; iyadoo af ahaan odaygeeda wali colaaddii iyo eedeyntii ku sii wadda, uur ahaan haddii loo baarose, waxaa la ogaan lahaa in ay tahay dadka meesha jooga qofta Jaamac caafimaadkiisa ugu welwel badan, ee wadnaha farta ku haysa. “Ilaahow u sahal, oo habaarkaygii ha u qaadin!” bay hoos ugu ducaynaysay.

“Ummaa waxba ma aha, wixii dhacay waa dhaceen, micna me leh,” Leylaa ku tiri.

— 10 —

Leyla iyo Cambaro halkii bay isku barteen. Sahra Yuusuf baa is-bartay. Midba gees bay u amankaagtay, markii la war geliyey. Waxay labadii gabdhood Cambaro la socodsiiyeen shirqoolkii meesha ku jiray oo tifaftiran, iyagoo isku dayayey in ay eedda oo idil u xambaariyaan Beyddan Shabeel, odayga dambigiisana intii ay fududayn karaan fududeeyaan.

Cambaro amankaag iyo qarracan hor leh bay ku noqotay, markay ogaatay gabadhu in ay tahay tii wiilkeedu aroosi rabay. Ceeb iyo yaxyax cambuurkii baa ka yaraaday. Catow hor leh iyo eedeyn ay odaygeeda ku cambaaraynayso ayay meeshii ka bilowday. Leylana waxay ku dadaalaysay intii ay dajin karto in ay dajiso.

Maana qudheedu markaan ka hor waxa jira ma wada fahamsanayn. Hadda uun bay fahamtay ninkii dabinka u dhigayey in uu yahay soddoggeed, islaanta meesha fadhidaana Axmed hooyadii tahay! Intay mar kale khafiiftay bay Axmed ku oyday. Mar labaad bay shaarkiisa illin ku qoysay.

Markuu qaboojiyey bay duqdii ku soo orodday, surka isaga duubtay, dhabannada ka dhunkatay, jilbaheeda ku ilmaysay, “Ummaa! Ummaa! Ummaa,” bay ku weyraxday. Sidii iyadoo rabtay in ay tiraahdo, “Ummaa. Adiga miyaa qofta goobtaan ceebeed la isaga kaaya hor keenay? Aad baan uga xumahay wixii dhacay!”

Cambaro indhaheeda illin baa ku soo joogsatay. Nabarkii fadeexadda oo danqaday iyo naxariistii hooyannimo oo ku soo degtay ayaa qalbigeeda ku kulmay. Gabadha qaalinnimadeeda iyo dibindaabyada soo gaartay bay ka uur-xumaatay. Gacaltooyadii ay wiilkeeda u haysay mid aan ka yarayn bay gabadhiisii u qaadday. Intay markeeda dhunkatay, dhabannada u salaaxday, illintiina sacabbadeeda uga qallajisay ayay cod raxmaddii hooyannimo ku idishahay ku tiri, “Hooyo, macaan, iska illow wixii laguu geystay! Wax kastaa ha ku soo gaareene waa Ilaahay mahaddii haddaad hadda ii ladan tahay. Waa ii cawiyo ayaan gabar qiimahaaga leh in ay wiilkayga calaf isku yeeshaan. Ilaahay idankii waad is-calfanaysaan, waana isku khayri doontaan. Anigaa idinka ballanqaaday in aan ku dadaalo sidii aad degdeg ugu aqal gali lahaydeen!”

Maana markii eraygaasi dhegteeda ku dhacay bay soddohdeed farax kula boodday, si ay lugaha uga shumiso.

“Axmed mee?” Cambaraa sii wadatay, “Axmed! Kaalay hooyo! Adiga awelba horaan kuugu duceeyey, qof kaloo ducaysanna waad heshay. Maandhow gabadhaasi yay mar dambe naga sarma seegtoon!”

“Khaladaadkii uu samayn lahaa horay buu u sameeyey,” Sahraa tiri, “Hadduu gabadha hadda ka hor guriga keeni lahaa, ee iyada iyo waalidka is-bari lahaa, waxaan oo dhanba ma dheceen!”

“Khaladkaas kuwo ka waaweyn baan sameeyey Sahraay,” Axmed baa isku dhaliilay. “Xalay iyo saakaba aad baan u fududaaday. Masayr aan sal lahayn baa miyirkii iga qaaday; markaasaan gacaladay cadow aanan ogayn u maja xaabiyey. Haddaan wax hubsan lahaa, arrintu heerkaan xun ma soo gaarteen.” Markuu intaas yiri buu Faadumo-Yarey oo Maana si kalgacaltooyo leh dhabta ugu haysato intuu il gacal ku eegay wuxuu raaciyey, “Haddaan Faadumo-Yarey i caymin, fudaydkaygii wuxuu i dhaxalsiin lahaa khasaare intaan aad uga weyn, mustaqbalkayguna caawa halis buu ku sugnaan lahaa! Faadumo! Abaal weyn baad igu leedahay. Waxaan kaa ballanqaaday inta aan noolahay in aan wax walboo qaali igu ah u huraa farxaddaada iyo dhisidda mustaqbalkaaga. Dib dambe ugu noqon maysid addoonsigii Beyddan Shabeel!”

Erayadaasi Maana way ka oohin gaareen. Abaalkii Faadumo-Yarey iyo jacaylkii Axmedba way la sii ballaarteen. Gabadhii ay dhabta ku haysatay bay intay soo haabatay dhunkasho ku boobtay, iyadoo leh, “Faadumo! Nolosheyda ad lee badbaadisay macaaneey!”

“Dhibaatadan oo dhan waxaa keenay,” Sahraa tiri, “Dhaqanka gaboobay ee waalidka badankoodu wali aaminsan yihiin in gabadhoodu hadal la’aan guursato ninkii ay iyagu la maagaan, iyadoon la tixgelin rabitaankeeda iyo jacaylkeeda. Haddii Xaaji Muumin ku xaq dhawri lahaa rabitaankeeda iyo in ay aayaheeda iyadu ka tashato, dhibaatadani uma timaaddeen, dadkaan shirqoolka u dhigayna maba is-arkeen.”

“Abaay Sahra, an naftirkey khalad ween aan sameeyey,” Leylaa markeeda isku dhaliishay, “Axmed jid aas leeyahay oo waaba nin laga xanaajiyey, laakiin, aniga waa fududaaday. Walaasheyda an lee god ku riday. Rufyaantaas minankeeda an lee u diray. Subaxaan xitaa haddiin aniga soo burin leheen dukha iyo minankiisa may is-arki lahaayeen? Ma is-arki leheen. Iihi? In aan wax hubsado ma la rabinoo? Ma hubsatooy meher ma leh aa la dhahay.” Markay intaas tiri, bay intay Maana ku soo dhawaatay, ee dhabannada ka shumisay ku tiri, “Abaay Maana i cafi! Unuka dhan waa kuu gefnay, Ilaahaa na lehe. Gef-xumo geeriyaa ka roon!”

Maana intay shumiskeedii mid u dhigma uga jawaabtay bay tiri, “Abaaye idinka dhan dambi ma lihidiin. An naftirkey khalad ween aan galay, nabarkii oo la iga caqli badiyey. Dambiga dhan waxaa iska leh cajuustaas oo iskoronyada eh, ruufyaantaas rabtey in ay aniga dhan maca mustaqbalkeyga i iibsato!”

Eedeyntaas Maana Beyddan Shabeel eedeysay, Axmed waxay soo xasuusisay arrin cabbaarkaan maskaxdiisa ka maqnayd.

“Horta aaway iyadii? Waaba illaawaye waa tii tagsiiluhu noo sheegay in ay meelaha ku gabbanaysee?” Axmed baa yiri, isagoo degdeg u sii dhaqaaqaya. Dumarkiina markii Beyddan la xasuusiyey bay intay waxay hayeenba sii daayeen mar qura ganjeelaha xaggiisa u yaaceen. Qoob iyo qaylay isku dareen. Mid waliba wixii ay haaban kartay hore u sii haabatay! Mid dhagax haabata, mid ul jabsata, mid kabteeda siibata; Maana iyadu intay jikada ku orodday bay mindi xiiraysa la soo boodday, iyadoo cartamaysa, ee leh, “Waa idin tuugaa, ha iga qabannina cawada taas!” Dhaartaasi ka dhab bay ahayd. Ciil bay isla madax marsanayd. Waxay rabtay siday u sii ordayso in ay rubadda ku dhufato.

Beyddan, iyadoo wali duleedka taagan, ee sugaysa tagsigii oo ka soo daahay, ayay dareentay in duullaan ku soo maqan yahay. Intay is-xamuurtay bay xagga beledka u dhaqaaqday. Ciidankii weerarka ahaa daydkii weynaa baa hareeraha lagala soo laabtay. Axmed oo u soo horreeyey ayaa judhiiba indhaha saaray Beyddan oo mugdi halkeer ah sii kabash-kabash leh. Intuu hor qabateeyey buu cod caro ka buuxdo ku handaday, “Istaag duqda! Kabash-kabashtaasi caawa meel ku geyn maysee!”

Dumarkii hubaysnaana meel aan ka fogeyn bay isa soo daba firxanayaan, iyagoo ku soo qaylinaya, “Wayoo way! War naagtu yay naga fakan.”

“Ii qabo sharmuutada Ilaah iyo islaan ka furatay! Mar gacantayda ku soo sin waa ku tuugaa! Cawada haddiid noolaatid, ruufyaan aan ahay adiga camal!”

— 11 —

Beyddan markii lagu biya keenay bay intay istaagtay qummaati u soo jeesatay, ee tiri, “I dhegeysta!” Axmed intuu is-hortaagay buu u dheg raariciyey.

Dumarkuse ma oggolayn in ay siiyaan fursad ay ku hadasho. Mid waliba markay soo gaartay bay qalabkii ay gacanta ku sidatay kula fara baxsatay. Axmed baa ku hagoogtay, dumarkiina ka baryey in ay in yar u kaadiyaan. “Naga daaya, dhiiggeeda wasakhdiisa waxba ku fali maynee, sharcigaynu la tiigsanaynaa,” ayuu ku waaniyey dumarkii kacsanaa.

Iyagoo weli u soo fara baxsanaya, Axmedna celcelinayo, ayey Beyddan hadashay ee tiri, “Waar hooy, hooy! Allow yaa idin yiraahda Beyddan Shabeel waxba ka guri maysaane cagaha dhulka dhiga! Aniga haddaad i dishaanna idinkay idiin daran tahaye, aniga awalba noloshu qiime iima lahayn; sharciga wiilkaani sheegayo haddaad igu dacweysaanna idinka uun baa ceebtiinna dad aan hadda ogayn sii ogaanayaan mooyee aniga awelba weeso iima dhawrnayn, dacwo iyo maxkamad waa is-naqaan waxna la iiga qaadi maayo!”

“Hal su’aal baan ku weydiinayaa, xisaabtanka kale waa noo dambaynayaaye,” Axmed baa yiri, “Maxaa kugu kallifay in aad dhibaatadanada ka shaqaysid, ee ku kacdid fidmada iyo fawaaxishka intaas le’eg?”

“Idinkaa igu kallifay, idinka!”

“Annagee?”

“Kuwiinna xukunka iyo xoolaha haysta!”

Xaggee baan ku haystaa xukunka iyo xoolaha! Axmed baa iskula hadlay, Tolow ma aniga iyo aabbahay bay isku mid noo haysataa? Yaa u sheega inaan ahay xoogsade hor-u-jeed ah, shuqulna ku lahayn waxa aabbahay haysto?

“Kuwiinna is-fookhaariya,” Beyddan baa sii wadatay, “Ee isu qaba cid kaloo sharaf leh ama waddanka xuquuq ku leh in aanay jirin,” intay sii kululaatay ee si horornimo ah Axmedkii indhaha iyo farahaba ugu soo taagtay bay u raacisay, “Waryaa miyaanan anigu ahayn qof dalka u dhalatay oo xuquuq ku leh?”

“Waad tahay,” Axmed baa si deggan ugu jawaabay.

“Aaway xuquuqdaydii aan ku lahaa waddankayga?” Beyddan baa si kulul u sii wadatay, “Maanta aniga iyo hooyadaadaan iga soo horjeedda waxaan nahay laba naagood oo isku fac ah. Waa tanoo maanta iyaduna wax walbay haysataa, aniguna gabaahirig cidla ah baan taagnahay; haye? Nin bay leedahay, carruur bay leedahay, ehel bay leedahay, sharaf iyo maamuus bay leedahay. Meel walba waxaa la leeyahay Cambaro Cali Dhoof, marwada Jaamac-Dhegey! Mandar eysh! Kursigaa looga kacayaa. Haye? Anigana meeshaan tagaba waa la iga cawdi billaysanayaa! Maxay ku dhacday; xaq Ilaahay miyaa? Waryaa. Aniga aaway ninkaygii? Aaway carruurtaydii? Aaway marwonnimadaydii iyo sharaftaydii? Aaway tacabkaygii? Aaway quruxdaydii? Aaway dhallinyaranimadaydii? Aaway mustaqbalkaygii? Aaway magacaygii? Aaway, aaway, aaway?” Intay bowdadeeda tantoonyo la dhacday, garba-saarteediina jeexi gaartay bay dadkii weerarka ku ahaa xaggooda u soo fara baxsatay. Dib bay uga durkeen, iyagoo wada amankaagsan. “Miyaanan ahayn muwaadinad intaas oo dhan xaq u leh waryaa?”

“Waad u leedahay, yaa kaa qaaday laakiin?” Axmed baa waydiiyey.

“Idinkaa iga qaaday, idinka! Idinkaa i duudsiyey, aniguna sharad Ilaahay waxaan ku galay intaan idin lug goyn karo in aan idin lug gooyo! Idinkaa igu jirrabay in aan shaxaadkiinna nolol ka raadsho! Idinkaa iga dhigay qof mujtamaca ka takooran oo aan xuquuq lahayn; anna waxaan ku dhaartay, inta aan noolahay in aan mujtamaciinna wajiga uga candhuufaa! In aan ku tuntaa wax allaale wixii uu wanaag u yaqaan: sharcigiisa, sharaftiisa, dhaqankiisa, diintiisa, wixiisoo dhan. Cid aan lug ka gooyo ma ahee cidna lug u kabi maayo; waayo, wax aniga la ii geysan lahaa oo ii dhiman baan jirin. Waxba dhawran maynee Allow dhagaxyo soo daadi! buu yiri ninkii gabyey. Mar haddii anigaba sharaftaydii la burburiyey ma doonayo in cidina sharaf yeelato!”

Injineer Axmed Jaamac iyo dumarkii la jirayba af dhalaalaa ka soo haray. Islaantii ay weerarka ku ahaayeen way u yare danqadeen. Warkeedii wuxuu ku dhaliyey dareen uur-xumo, siiba Axmed oo inta kale ka garaad sarreeyey. Intuu codkii u dabciyey buu Beyddan ku yiri, “Waxaan ku waydiiyey, ma noo fasiri kartaa sida lagu burburiyey xuquuqdaadii aad tilmaamaysay?”

“Waan idiin fasiri karaa, maxaan idiinku fasiri waayey?”

“Waxaan kaa codsanayaa in aad noo fasirtid.”

Beyddan intay in yar aamustay, xabbad sigaar ahna shidatay, bay fasiraaddii bilowday, iyadoo sidii hore ka deggan, “Anigu miyi baan ku dhashay, kuna koray. Anigoo lix iyo toban jir ah ayaa xoolahanagii abaari qaadday, markaasaan magaalo u soo qaxay. Kontonaadkii baan Xamar imid. In badan baan shaqo raadsaday. Xukuumaddii isticmaarku shaqo way ii diidday. Noloshaydii ciriiri xun bay gashay. Anigoo jiritaankayguba halis ku jiro ayaa gabar aan is-niqiin waxay ii sheegtay niman Talyaanigii dalka xukumey ka mid ah oo u baahan gabar guriga uga edeegta. Nimankii baan u shaqo tagay.

“Maalintaasaa la igu bilaabay dacaayad iyo dhaleecayn. Wixii ehelnimo iyo aqooni naga dhexaysay albaabbadaa la iga soo xirtay. ‘Waa tii gaalada u fuushay!’ baa meel walba la ii mariyey. Gaalada ay leeyihiin waa u fuushaana wax aan shaqo ahayn isuguma imaan jirin. Run ahaan way jirtay in ay i shukaansan jireen, maadaama aan ahaa gabar yar oo qurux badan; laakiinse, kama hoos qaadi jirin. Maxayse kuugu taal, anigoo sharaf leh baa sharaftaydii la wasakheeyey oo meel walba magac-xumo la ii mariyey, markaasaan aniguna carruurnimaa i haysaye warkii dadka raacay. Waxaan isla noqday wax aan sharaf iyo qiima lahayn; markaasaan intaan is-nacay wixii aan ilaashan jiray oo dhan faraha ka qaaday!

“Gadaal dambe waxaan ka ogaaday, nimankii qalaad ee aan u shaqaynayney, aniga iyo gabdho ila mid ah in ay iyagu si dadban shaqooyinkii kalee an raadinaynay nooga hor is-taageen, si aan guryahooda uga shaqayno. Way ogaayeen haddaan guryahooda tagno in nala takoori doono. Qorshe ay ku talo galeen buu ahaa in ay takooriddaas ka faa’iideystaan, ee hadhow jidkii ay doonaan na mariyaan.

“Sidii bay noqotay. Markii xukunkii lagala wareegi rabay, ee bixiddoodii soo dhawaatay bay waxay na yiraahdeen, ‘Waa tanoo dadkiinnii way idin takooreenoo kuma laaban kartaane, waxaan idiin samaynaynaa qaab aad ku noolaataan.’ Intay warqado aqoonsi ah noo sameeyeen bay meel gaar ah na dajiyeen, ee yiraahdeen, ‘Ku shaqaysta jirkiinna iyo quruxdiinna.’

“Waxaan is-lahaa: Inta aad gumeysiga ka xoroobaysaan dulligiinna isaga adkaysta, si aydinnaan gaajo ugu qurbixin; marka gobannimada la gaarana dan baad waddankiinna uga heli doontaan shaqo sharaf leh oo aad ku noolaataan. Waxaan is-iri si gobannimadu u soo degdegto, wixii awooddaada ah oo idil uga shaqee. Xisbigii Es.Waay.El baan si mintidnimo ah ula shaqayn jiray. Waxaan u noqday wardoon gaalada sirteeda u soo ogaada. Waxaan gaaray xad aan dhegaheyga iyo jin-jimahayga, iyo waxyaalihii aan ku xarragoon lahaa u iibiyo kabidda dhaqaalaha Xisbiga!

“Habeenkii calanka la saaray toddobaad dhan baan farxad iyo dabbaaldeg sharaab qaybinayey. Habeenkaasaan gurigii xumaa intaan iska xiray guri cusub u guuray. Waxaan niyaystay in ay tahay maalintii aan bilaabi lahaa nolol cusub iyo shaqo cusub oo sharaf leh. Maxaa ka dambeeyey?

“Xafiisyadii dawladda oo gaaladii shaqada ii diidi jirtay kuraastoodii rag Soomaaliyeed ku fadhiyaan ayaan mar labaad shaqo-raadis u tagay. Nasiibdarro, waxaa dhacday kii madax ah oo aan shaqo waydiisi ugu tagaaba, shaqadii aan xaqa u lahaa ee dawladda ka doonayey in uu ka dhigto wax isagu iska leeyahay oo in aan ka iibsado mooyee si kale aanan ku heli karin. Waa in aan uga iibsadaa jirkayga ama laaluush ama nin kale oo dano isaga xiran yihiin aan u soo maraa! Aaway gobannimadii aan intaas oo dhan u soo dagaallamayey, een dherersanayey maalinta calan Soomaaliyeed la saari doono?

“Alla wuxuu qaddarey in ay isaga raaxaystaan dad yar oo markii loo dhimanayey guryahooda iska hurdayey, waliba qaarkood isticmaarka la safnaa; annagii dhagahayaga u iibinayna geed baa nalagu xiray!”

Intay madaxa gilgishay, ee farta dhexda ka qaniintay bay ku muusootay, “Ciilow way! Goormaa nala xaq soorayaa, ma aakhiro?” Way aamustay, madaxa gilgishay, hoos u hogatay, masar la soo baxday, ilmo soo dhaaftay ku qarisay! Mar dambay sii hadashay, ee tiri, “Waxba yaanan hadal kugu daaline, ilaa maalintaas ilaa maanta noloshaydii waxba iskama beddelin. Nimanka awoodda leh shaqada qura ee ay waligoodba gacanta igu siin jireen waxaa weeye in aan jirkayga ka iibiyo; markay quruxdiisii iyo dhallinyarannimadiisii dhammeysteenna waxay igu dhiirri geliyeen in aan ka iibiyo gabdhaha yaryar ee ay marba xiisaynayaan! Anna waan ka iibinayaa, si aan u noolaado; ha baaba’een ma ahee, ha bas beeleen! Anba la i baabi’i. Ha guur gafeen ma ahee, waligoodba ha guumeysoobeen! Anigaba la i guur seeji. Guryahoodu ha dumeen, anigaba la i gablami!” Markay halkaas maraysay baa hadalkii dhuunteeda ku xirmay, sidii oohini cabburisay. Masarkii bay indhaha ku tirtirtay, iyadoo aamusan.

“Laakiin Beyddan mid baad ku gefsan tahay,” Axmed baa mar dambe la hadlay, markuu cabbaar ka aamusnaa si ay u yar nasato. Saddexdii dumar ahaana uur-xumo iyo u-danqashay la aamusan yihiin. “Dadkaan aad baabi’ineysee u dhaaraneyso, dembi kaama galin waa adigoo kale, sidii aad aheyd kontonaadkii. Kuwii dambiga kaa galay waa kuwaas haddeerna ku adeegsanaya. Iyagii baadba la safan tahay oo aad u majo xaabinaysaa kuwii loo itaal sheeganayey, sidii adiga laguugu itaal sheegtay.”

“Aniga qalbigayga naxariisi way ka dhammaatay. Agtayda ma jiro qof wanaagsan,” Beyddan baa si kulul ugu jawaabtay.

In yar bay aamustay, iyadoo fiirinaysa Faadumo-Yarey oo meel shishe taagan. Intay indhaha ku caddaysay bay tiri, “Naayaa maxaa adigana halka ku keenay, waa adiga meesha ii arag xune? Yaad uga timid gurigii? Taas xunoo aad u jeeddaan haddaan tababarayaa. Dhawr bilood ka dib waxaan ku bilaabayaa in ay rag la geerashayso.”

“Balaayo kula geerashaysay,” Faaduma-Yarey baa cod aan la maqlayn hoos ugu tiri.

Axmed baa su’aal kale waydiiyey ee yiri, “Hadda shaqo nadiif ah haddaad heshid ma ka bixi lahayd waxaan?”

Intay isu qososhay bay tiri, “Ma anigaan ina Shabeel ah? Hooyo anigu dhan u batay!”

“Waa hagaag. Waad fasaxan tahay! Waxba kuuma haysanno!” Axmed baa Beyddan ku yiri. Iyana way dhaqaaqday.

Dumarkii xanaaqsanaa fasixiddaas way ku gacan sayreen. Midba meesheeday af iyo addinba is-hortaag ka muujisay.

“Aad ma waalatay Axmed! Waa fasaxan tahay maxaa waaye? Ma la fasixi karo!” Maanaa ku giriiftay.

“Sug-hee gacaliso!” Axmed baa gabadhiisii iyo kuwii kaleba ku dajiyey, “Xaalku sidaad moodaysaan ma aha e. Qoftaan hadalkeedii wax weyn buu nagu kordhiyey. Dhab ahaan waa qof dulman. Xumaha ay ku kacayso dambigooda waxaa leh ciddii iyada heerkaas gaarsiisay. Waxaa…”

“Yaa? Iida dambi ma leh miyaa? Ruufyaantaan oo Kabco iyo Madiino gubtay?” Leylaa kula doodday.

“Iyadu wax kastoo ay tahayba waa laga dhigay Leyla, iyadu iskama dhigin. Qof wanaagsan oo sharaf leh in ay noqoto iyadaba cidi kama jecla; waad maqlaysay sidii ay u hadlaysay. Ninna korkiisa biyo kama hagrado.”

“Cid kastaa iyada eed ha ka gashee,” Sahraa markeeda Axmed kula doodday, “Ma kula habboon tahay qofta waxaas mujtamaca kula dhex jirta in aynu faraha ka qaadno, ee ay wixii ay qasaysay halkeedii ka sii miisto?”

“Adiga maxaa kula habboon?” Axmed baa su’aal ku celiyey.

“Aniga waxaa ila habboon in qoftaas la xiro, ee bulshada laga dhex saaro. Boogta jirran waa la gooyaa, si ayan u sumayn jirka intiisa kale! Haye Leyla? Adigaa takhtarnimada nooga cilmi roone?”

“Run waaye, maxaa jira!” Leylaa ku taageertay. “Boogta jirran waa in la gooyaa!”

“Laakiin ogow,” Axmed baa yiri, “Marka taasi faa’iidada keeni kartaa waa marka jirka intiisa kale fayowdahay. Laakiin ka warran haddii ay boogtu tahay mid markeedii horeba ka dhalatay sun iyo jeermi jirka oo dhan ku baahsan? Ma diidaysaa haddii boogtaas hadda kuu muuqata la gooyo in ay isla goortiiba kuwo kale soo baxayaan, ama haddeerba meelo badan oo aadan u jeedin kuwo ka khatarsani ku yaalliin? Maxaan dhib iyo xanuun ahayn oo ay markaas taraysaa hal boog oo aad goysay?”

“Run waaye, laakiin gacmaha maa laga laabahaa? Maxaa la suubihaa?”

“Maya Leyla, ma aha in gacmaha la laabto. Waa in jirka oo idil isku mar la daweeyaa. In boogta dusha ka muuqata afka laga jaro, haddana soo fufto, xal ma aha. Xalku waxaa weeye in la xidid-gooyo begteeriyada jirridda ku aasan ee sababta u ah boogaha dusha ka muuqda.”

“Maxaa waaye idinka waxa aa noo keenteen?” Maana oo Axmed hadalladiisii dambe waxba ka fahmi wayday baa su’aashaas ka hor geysay, “Ununka Beyddan Shabeel aan ka hadlaynay; boog iyo begteeriya iyo balaayadaan aa noo keenteen maxaa waaye? Naagtii igu dheeshay maxaan ku suubinaa? Warka noo soo gaabiya.”

Axmed intuu dhoolla-caddeeyey ee gabadhiisii, sidii cunug yar qoorta iyo garbaha u salaaxay buu cod daggan ku yiri, “Maana! Beyddan Shabeel sida ay tahay, iyada qof ahaan, waxba lagama baddeli karo. Jaa waa ahaatay. Hadalkii aan markii dhaweyd lahaa haddii fahamkiisu kugu adkaaday waxaan ula jeeday: Haddii aynu Beyddantaan xirno, ama dilno, wax faa’iido ah ma leh; maxaa yeelay waxaa jira boqollaal Beyddan oo mujtamaca ku dhex jira; ama dib ka soo fufaya. Beyddan iyo da’deedu caymin ma leh, waa ahaadeen, wixii ay galaafan karaanna waa galaafteen. Laakiin waxaa caymin leh Faaduma-Yarey iyo da’deeda iyo da’aha ka dambeeya. Waad arkayseen, Faaduma haddii aan la caymin waddadii Beyddan martay bay ku socotaa. Inta taag-darrida iyo tabaalaha haysta loogu soo duggaalo, ayaa tubtaas qalloocan lagu khasbayaa, berrina waa Beyddan cusub!”

“Akhrud! Ha u saadin gabadha waxaas!” Cambaraa wiilkeeda ku af jigtay, iyadoo Faaduma-Yarey si hooyonimo ah hoosta u soo gashanaysa, “Ha iga maqashiin, Ilaahay ku jirrabi mayee. Caawa laga bilaabo carruurtayday ka mid tahay. Berri-subaxba dugsi baan hore ka geynayaa!” Intay hoos u gacalo-eegtay bay u raacisay, “Sow ma aha hooyo? Haye dheh.”

Faaduma-Yarey sidii laga filayey “Haye” lama soo boodin, farxadna ma muujine hoos bay u hogatay, sidii wax fekeraya. Waa lala yaabay, madaxa loo toosiyey, warkii loogu soo cel-celiyey! “Maxaa jira Faadumo? Ma rabtid miyaa in addoonsigii Beyddan Shabeel lagaa xoreeyo? Ma jeclid miyaa in wax lagu baro oo mustaqbalkaaga la dhiso?”

Mar dambay hadashay, iyadoo indhaheeda ilmo ka da’ayso, codkeeduna laxan oohineed la googo’ayo, ayay tiri, “Waa jeclahay… Laakiin… Laakiin, walaaleheyna?”

Inta la naxay baa la is wada eegay. Qof eray ka soo baxaa la waayey. Murugadii bay wada qaadsiisay. Qof walba waxaa hor yimid horintii agoonta ahayd ee Faaduma u weynayd, dhammaantoodna caawa iyada ka il daran. Waa yuruuricii tabaalaysnaa ee ay aawadood addoonsiga Beyddan ugu adkaysanaysay; waa kuwii ay saqda dhexe marka la seexdo luflufka martida Beyddan ka wabax-taraaraan, dambiisha ugu aruurinaysaye ula guuraynaysey, si ay nafta ugu ceshadaan, intooda marba Xamar joogta.

Waa loo wada murugooday, laakiin xal looma hayn. Hal qof waa la korin karaa, laakiin qoys dhan korintiis miyey kafaala qaadi karaan? Immisa qoys baase jirta oo kaas la mid ah ama ka sii liidata?

Axmed baa mar dambe hadlay oo yiri, “Faadumo waa runteed. Iyada qudheeda mushkiladdeedu inta aad moodaysaan ka qota dheer. Kuma xallismi karto sidii fududayd ee ay markii hore noogu muuqatay. Iyadu waa qof abaal noo gashay, in aan u gudnaana waa nagu waajib. Qof ahaan wax waannu u qabanaynaa; laakiin mushkiladdii asaasiga ahayd ee Faaduma-Yarey faqriga badday, wali waa taagan tahay, Faaduma-Yarey yeynaan u arkin halkaan ruux ee naga soo horjeedda. Sida ay u jiraan boqollaal Beyddan, ayaa waxaa u jira boqollaal iyo kumanaan Faaduma-Yarey oo u baahan in aayahooda la badbaadiyo!”

“Sidee lagu badbaadin karaa hadda waayee?” Leylaa waydiisay.

“Waxaa lagu badbaadin karaa in mujtamaca oo idil la carra gaddiyo,” Axmed baa ku jawaabay, “In la dabar gooyo dhammaan dhaqannada gaboobay iyo kuwa gumeysigu abuuray, gadaashiisiina kuwii dhaxlay isaguna wakiishay ay sii kobcinayeen. Waa taas begteeriyada boogaha oo dhammi ka soo fufayaan. Ilaa jirridda ay fadhido la gooyo, ciidda ay ku fadhidana la carra-gaddiyo, mujtamac fayow ma la helaayo!”

“Laakiin yaa laga sugayaa carra-gaddintaas?” Sahraa waydiisay.

“Waa hawl innaga inoo taal, Sahraay. Da’dayada cusub baa laga sugayaa.”

“Dhallinyarada Soomaaliyeed dabeecaddooda waan aqaan,” Sahraa kula doodday, “Qof waliba sida uu hoostaas uga guuxayo, wax-qabadka dhabta ahna inta kale ugu hallaynayo, ayay qarniyaal gudbayaan!”

“Maya Sahra; saadaal-xumadu ma fiicna. Dareenkaagaas wax baa ka jira, laakiin ogow, is beddelka bulshada qawaaniin baa xukunta, waana wax khasab ah. Ku kalsoonow mustaqbalka!”

— 12 —

“Ciise iyo odaygii waa soo daaheen. Tolow ma odoygii baa miyirsan waayey?” Cambaro Cali Dhoof oo cabbaarkaanba dooddii socotay aan waxba ka fahmayn, waxna ku darsan, ayaa su’aashaas hadalka majarihiisii ku weecisay. Cabbaar baa lagu walaacay erayo looga walwalsan yahay caafimaadkii odayga.

Axmed maskaxdiisa markaasay ka baxday mushkiladdii guud ee uu casharka ka bixinayey. Waxaa mar labaad garbisay mushkiladdii isaga u gaarka ahayd. Jawigii murugsanaa ee uu ku dhex jiray buu mar kale gocday. Mustaqbalkii guurkiisa Maana, ee mad-madowgu galay buu indhaha ku taagay. Mushkiladda ugu weyn waxay uga muuqatay sida uu u guursan doono gabadhii aabbihi ku ceeboobay. Wuxuu is waydiinayey odayga mawqifkiisu waxa uu noqon doono iyo ra’yil-caamku waxa uu oran doono. Wax kasta ha ka horyimaadeene kolleyba isaga talo way u go’an tahay. Wax uu Maana dhaafsanayaa ma jiraan!

Leyla Xaaji Muumin oo meel aan ka fogayn taagan buu intuu milicsaday ku yiri, “Leyla! Aniga iyo Maana abaalka aad noo gashay wax la gudi karo waa ka weyn yahay. Walina walaaley waanu kuu baahannahay. Waxaan kaa baryayaa in aad waalidkii mar labaad noogu gargelyootid, ee adigoon fadeexadahaan iyo mashaakilkaan dhacay u sheegin, aad tiraahdid…”

“Haah! Ar wax fiican baan idinka hilmaamay!” Leylaa intay soo boodday hadalkii ka kala goysay.

“Haye?” Maana iyo Axmed oo hididiilo kadis ahi gashay baa hal mar isla yiri.

“Subaxaan adoogaay aa ii wacay. Minankaynaan tagay. Bes waxaaba la ii sheegay in arintii dib la isugu noqday. Adooga waa lala hadlay, ikhyaar iyo ma akhaan, adiga dad badan aa u caqli celiyeen, waxaa la dhahay, ‘Aaw Xaaji Muumin soo dhawaaw! Gabartaada lamma goorba igaarkiid la rabtay waa is gafeen. Wixii dhacay waa dhaceen. Hadda gabartii saan haddii lagu dhaafo waa hallaaweesaa, sidii Iisha camal; gabartii intii oo hallaawi leheed, ninka oo iida jeceshahey a loogu duceeyo. Yaa og in us lee kheer u yahay? Walaasheeda Leylaba shalay maantaan ninkii jeclaatayaa loo diidaayey, nabarkii isla fakteen oo is arooseen, hadda yaa ka fiican! Kheerka meeshiis ku jiro ilaahaa og…’

“Bes adooga waa oggolaaday. Waxaas i dhahay, ‘Maanadii soo wad. Minankooda a timaado. Igaarka aa sheegeysiin, igaar fiican haddiis yahay waa arki doonnaa! Xaalka waa iska hagaagaa!’ Bil xaqiiqa aniga waxaan ka kurbaysnaa Maana oo subaxaan an buriyey, laakiin, nasiib wanaag, khafna ma u sheegin wixii dhacay.

“Hadda berri subixii Maana waa wadaa. Waalidkeeday u hoyanaysaa, anigana waalidka mar kale waa la hadlaa; xaalka waa hagaagaa. Bishaaradaasaan idiin haayey, waxaan ku hilmaamay mashaakilkii inta!”

Axmed iyo Maana intay rayrayn kula soo ordeen bay Leyla isku mar midba dhaban ka dhunkaday. Haddana intay labadoodii is-gacalo-milicsadeen, farax iskula boodeen, afarta gacmood is waydaarsadeen, laabta iyo luquntana isku cadaadiyeen.

Dhammaad