Nabsi: Qisooyin Cibro Leh

Suldaan Nayruus
nayruus@gmail.com

soo-saaristii koowaad
MUQDISHO, 2017

Copyright © 2017 Suldaan Nayruus

Xuquuqda oo dhan waa ay dhawran tahay. Buuggaan oo dhan, ama qayb ka mid ah, lama daabici karo, imqullo lagama samayn karo, si kastana dib looguma soo saari karo, iyada oo aan idin qoran laga haysan qoraaga buugga.

Buuggan la yiraahdo ‘Nabsi’ waxaa uu ka sheekeynayaa cuqubo, hoog iyo inkaar ka dhalatay Nasbi qofi uu ka galay ruux kale, kaddib markii inta uu dhagray uu laqdabeeyey oo uu uga baxay isa-siintii, aannninaaddii iyo qalbigiisii uu raaciyey.

Buuggu, waxaa uu si faah-faahsan uga warramayaa musiibadii, amarkii iyo Nabsigii ku dhacay mid mid, 11 qof oo kala duwan oo inta khiyaanay, oo lug-gooyey, ka inkaar-galabsaday 11 qof oo kale.

Dadka uu hoogu ku dhacay ee uu Nabsigu abaal-mariyey ee uu buuggu tebinayo, waa 7 nin iyo 4 naagood.

Dhiganaha, qisooyinka Nabsi ee ku uruursan, waa kuwo badankood si gaar ah u quseeya axdiyo jacayl oo la isaga baxay iyo heshiisyo caashaq oo la isku ballan-fiiray.

Qisooyinkan, Laba ka mid ah qoraha ayaa ka war-hayey kolkii ay dhacayeen, Sagaalka kalana, waxaa uu ka soo xigtay dad markii ay dhacayeen goob-joog u ahaa iyo dad aan u-soo-joogin laakiin silsiladda warintooda lagu kal-soon yahay. Sidaas awgeed, sheekooyinku waa dhacdooyin xaqiiq ah.

Qofka ay cuqubo ugu dhacdo sabab uu lugihiisa ku doontay, oo aafooba, ma jecla in lagu sii nuux-nuuxiyo oo Uumiyuhu ogaadaane, waxaa la beddelay dhammaan magacyada dadkii ay ummuurahaasi qabsadeen. Sababta oo ah qaama dadka laga wariyey ayaa codsaday, kuwana qoraha ayaa saa ku tala-galay. Sidaas darteed, haddii magacyada dadka ku jira ay dad aad taqaan kuula ekaadaan, ma ahane, ogow.

Tan ugu dambeysa, gefka iyo simbiriiraxashadu waa dhaqan Aadane e, akhriste, aan ku warsado wixii il-duuf iyo dhaliil ah oo aad ku aragto buugga, in aad ii soo sheegto, iiguna soo hagaajiso Cinwaankaan: navmus@gmail.com. si aan soo-saarista xigta uga feejignaado.

TUSMO

  1. Nabsigii Samawada silica baday
  2. Nabsigii qabsaday Qaasin
  3. Nabsigii ay Maryan mutaysatay
  4. Nabsigii Raaxo iilka dhigay
  5. Nabsigii Haybe haleelay
  6. Nabsigii mi galabsaday Gaboobe
  7. Nabsigii Amaal ku dhacay
  8. Nabsigii Macow mudankiisa marsiiyey
  9. Nabsgii uu Warsame la waashey
  10. Nabsigii uu Eeday macallin eedan
  11. Nabsigii Samatar sibaabay

NABSIGH SAMAWADA SILICA BADAY

Samawada, waxaa ay ku dhalatay, kuna soo barbaartay Magaalada Kismaayo. Waxaa ay halkaasi kula noolayd hooyadeed iyo aabbeheed iyo laba will oo la-dhalatay, oo ka yar-yaraa. Ciddeedu sabool bay ahaayeen, wax maal iyo mood ah iyo wax shaqo ah oo fiicaima ma aysan haysan.

Markii ay Samawada Iskool gaartay, ayaa waxaa la geeyey Dugsiga Hoose/ Dhexe/ Sare ee Faanoole, isla markaasina ay ciddu uga heshay wax-barasho tabbarruc ah. Laakiin markii ay Dugsiga Hoose dhammeysay, ayaa kii dhexe “Iska bixiya” la yiri, kolkaas baa ciddii awoodi weydey, ka-bixinta lacagta Dugsigaas.

Waalidkii Samawada, inta tashadeen, bey go’aan ku gaareen, in Samawada loo diro Xajnar, oo eeddadeed Aamino oo Xamar joogta, ay la noolaiato, abtigeed Siyaad oo isna Xamar ku noolna, uu ka bixiyo lacagta Iskoolka.

Sidaas baa Samawada loogu diray Xamar 2005-tii, isla markaasina, inta Iskoolka ‘Usaama Bin-seyd’ lagu daray, wax-barashadeedii halkaa ku sii wadatay.
Markaas ay Xamar wax-barashada ka bilaabeysay, waxaa ay jirtay 14-sano. In kasta oo ay daruufi ka muuqatay, laakiin gabar qurux kula siman Iskoolkaas ma joogin.

Dhererka, Dhuubnaanta, Is-la’ekaanta, Xubnaha kala baxsan ee wada jalaqsan, Wejiga shuban, Indhaha baliisha u eg, Sunniyada qoran ee la-moodo bil dhalatay, Sanka Roomaanka, Bishimaha meel-dhexaadka ah ee quruxda badan iyo Ilkaha wada cad ee siman, Qoorta dheer ee ay cabbaadyadu ku taxan yihiin iyo wehba timaha jilicsan ee garbeheeda ka kala dhacsan, ee Seynta Faras la moodo;

qofka qurux yaqaanka ah, daruufteeda ayuu ka dhex arki karaa bilicdeeda.
Samawada, waa ay heshaa cunto iyo jiif iyo lacagta Iskoolka oo mar-mar abtigeed ay ku adkaato in uu si dhaqsa ah ku bixiyo, laakiin wax kale oo intaas dheer ma hesho. Eeddadeed, wax aan cuntadaas ahayn, ma siiso. Xitaa dhar uma gaddo, oo Samawada, waxa ay xirataa dharka ay ka baxaan labada Gabdhood ee Eeddadeed carruur ka dhashay ee ka waaweyn, abtigeedna, wax aan lacagta Iskoolka ahayn ma siiyo, kolkaas bay niyad-jab ku dhigataa Iskoolka, marka ay aragto gabdhaha qeyrkeed ah oo wada labbisan, misena iska bixin kara cabbitaannada xilliga biririfta.

Laakiin Dheg jalaq uma sime, daruuftaas adag ayey inta dugsiga dhexe kaga baxdey bey kii sarena u gudubtay.

Xilli duhur ah, oo milicdu dhamac ahayd, oo markaas ku beegneyd horraanta bisha Maalmadoone, oo kicin xoog leh uu cirka ku jiray, Guga oo curasho ku dhawaa awgi, ayaa Samawado oo markaas ka soo baxday Dugsigii Usama Bin-seyd – oo ku yiillay aagga Carwada Taleex ee Degmada Efodan ee Xamar – oo ay markaasina dhiganaysay Fasalka Koowaad ee Dugsiga Sare, ayaa iyada oo hiiraan-hireysa, baqoolana u sii ah gurigoodii, inta aysan goyn jidka, waxa ay ku hakatay geed harac ah, oo ku yiillay daanta xigtay ee laamiga hormara Iskuulka sare ee Banaadir.

Waa ay harraadsanayd yartu, oo oon bay dhuuntu la qallalnayd, qorraxda oo kululayd iyo iyada oo fasalkii saaka oo dhan iska dhex-fadhiday, oo aan haysan jeeb- gehs ay bannaanka afka wax uga soo geliso xilliga biririfta ah, sida ardeyda kale ee eynigeeda ah, ayna u dheereyd lug ay doonaysay in ay ku gaarto gurigoodii, waxaa se nasiib- wanaag halkaas ay ku hakatay ku yaallay, Miiskii uu wiil ku gado Cabitaannada la qaso.

Markii ay soo ag istaagtayba, wiilkii ayaa gabadha aad u eegey, waxaa uuna ka gartay naabta bishimeheeda saaran iyo il-gooyada ka muuqata, in aysan ilaa saaka afkeeda waxba saarin. Waa og yahay, in arday aysan duruufuhu ku wanaagsanayn, haddii ardaygu yahay gabama ay ka daran tahay. Wax aan cabbitaan ahayn ma gada e, inta u yeeray ayuu Kalax Qare ah u shubay, oo ku yiri “Abbaayo, hoo cab”.

Markii hore in ay ka gobaadsato ayey damacday, laakiin inta uu ku khasbay, oo gacanta ka saaray, ayey ugu dambeyntii Aar-galaankii cabbitaanka Qaraha ahaa, inta la sii jeesatay, qur-qurisey. Inta koobkii oo aan gobo’ biya ah ku jirin miiska u saartay, ayey inta il naxariisle ku eegtey wiilkii, ku tiri “Mahadsanid Abboowe”. “Wax la isku leeyahay la isagama mahad-celiyo”, inta ku yiri, ayuu weydiiyey Magaceeda. “Samawada” ayey inta ugu jawaabtay, bay isna kiisa weydiisey. “Sawrac” ayuu isna ugu war-celiyey.

Sawrac, waa uu garanayaa Dugsiga ay dhigato, oo waaba u dhaw yahay, waana fahmayaa in ay Fasallada sare, mid uun dhigato, oo waxa uu ka kasayaa Jalbaabka ay qabto jaadka uu yahaye, waxa uu weydiiyey, xaafadda ay deggan tahay. Maba foga e, waxa ay ugu tilmaantay meel aan ka dheereyn Isbitaal Banaaddir. “Abbaayo, barasho wanaagsan”, inta yiri, ayuu macasalaameeyey, maaddaama uu arkayey daalka inanta ka muuqday.

Sideedaba, marka wanaag iyo asxaan la isku samaynayo – haddii aysan laqdabo ku jirin – kan sameynaya iyo kan loo samaynayaba isha ma kala qaadaan, haddii ay kala qaadaanna, waa ay isku xadaan, waxaana ka dhex abuurma dareen kalgacayl iyo nugeyl is- jiidasho.

Sawrac iyo Samawada, iyaga oo mid walba ku faraxsan yahay, tillaabada uu qaaday, hadbana gadaal isku soo fiirinaya ayey kala ambadeen.

Sawrac waa wiil dan-yar ah, oo laamiga hormara Dugsigii sare ee Banaadir, ka soo horjeedkiisa Biyaha Cabbitaannada ah ee la miiro ku gata. In kasta oo ay daruufo dhaqaale korkiisa ka muuqdeen, laakiin da’diisa 18-ka ah waa uu u ekaa. Meesha uu biyaha ku gato aad ugama foga, halka uu deggan yahay; oo waa Carwada, oo Qaxooti ahaan ugu nool yihiin reerkiisu, waxa uuna la nool yahay hooyadiis iyo laba gabdhood oo ka yar, isaga ayaana reerka noloshiisa ka dabbara Biyahaas uu qaso, maaddaama aabbihii reerka Masruufi jiray uu laba sanno ka hor ku dhintay xabbad wiifto ah oo Hoggaamiye- kooxeedyadii iyo Maxaakiimtu isku ridayeen 2006-dii.

Xitaa markii uu odaygu noolaa iyo haatan oo mas’uuliyad weyn dhabarka u saarantay-ba, ma haleeli karin Wax-barasho, daruufo nololeed oo adag, oo ka jirtay gurigooda darteed.

Meesha uu wax ku gato, waxaa ku badan dadka socotada ah iyo ardeyda Dugsiyada aagga ka dhaw dhigata, iyagaas ayaana rukun u ah oo Biyaha uu miiro iyo kuwa uu qaso iyo Jallaatadaba ka iibsada, lagamana helo miiskiisa wax kale oo aan biyahaas iyo Jallaato ahayn. Waxaa uu ugu macaash badan yahay xilbyada kulaylaha, oo dadku Omaska iyo Harraadku ku badan yahay.
Labadooduba – Sawrac iyo Samawada – iskuma cusba, oo Samawada halka uu ku ganacsado Sawrac ayaaba u ah marin, oo intii uu meeshaas ku ganacsanayey, waa is arkayeen, laakiin hadda ka hor iskuma soo bixin iyaga oo keligood ah, oo Samawadana waxa ay halkaas martaa iyada oo dhex socota Raxan arday ah oo la soo fasaxay ama iyada oo Dusiga u deg-degeysa ama waxaa ay soo gudubtaa Sawrac oo markaas biyihiisa gadanaya, oo kala geddiskaas u kasho beelay.
Markii ay Samawada ka tagtay, buu wax badan dib isu weydiiyey, waxaana maankiisa ku soo dhacayey muuqaalka gabadha, waxaa uuna garaadkiisa ku gartay, in ay tahay gabar ka soo jeedda qoys aan wax buuran haysan ama iyadu si gaar ah u caddiban tahay. Waxa uu go’aansaday, in uu gabadhaas la sii sheekeysto, uuna ka caawiyo – wixii uu awoodo.

Maalintii xigtayba, waa dad is yaqaanee, markii ay soo ag maraysayba waa u yeeray. Cabbitaan ayuu u shubay, laakiin waxa ay weydiisatay Jallaato beddelka Cabbitaanka. Is-wareysi kooban kaddib, waxaa uu ka codsaday in uu la kulmo, oo ay meeshaan meel aan ahayn ku sheekeystaan. Waa ay ka aqbashay, waxa ayna ku ballamisay meel gurigooda u dhaw, oo ay isla garteen.

Markii uu casar-gaabkii shaqadiisii u dhammeystayba, xaafadda ayuu inta aaday, oo isa soo dhaashay, buu aas-madoobaadkiiba, waxaa uu isku sii daayey goobtii lagu ballamay.

Wey ogayd, xilliga ballanta iyo halka lagu ballamaye, iyadiina xoogaa kaddibba waa u timid isaga oo 10 daqiiqo wax aan dhammeyn halkii taagnaa. Inta meeshii xoogaa laga dhaqaaqay ayaa Jardiin cidla ah inta wada fariisteen, dabadeed is xog-wareysteen.

Samawada, waxa ay uga sheekeysay in ay la joogto islaan eeddadeed ah, reerahoodiina ay Kismaayo ku nool yihiin, Dugsigana uu ka bixiyo abtigeed oo Bakaaro ku leh Sandaqad yar oo uu Daawo ku gato. Sawracna, war-bixin dhammeystiran ayuu ka siiyey arrimihiisa iyo kuwa reerkiisaba.

Sawrac, waa wiil garaad-badane, waxaa uu sheekada gabadha ka fahmay, in eeddadeed xaasidad tahay, oo aysan gabadha waxba u quurin, abtiguna culays ku tahay bixinta lacagta Iskoolka, ayna xitaa Samawada iibsan karin agabka Iskuulka, sida Buugta, Qalimaanta iyo Dharkaba.

In kasta oo uusan Sawrac dhaamin, misena arrintaa laabtiisa wey walaacisay, uur-ku-taallana waa ku yara beertay. Waxaa uu niyadda ka goostay, in uu caawiyo gabadhaan, oo waxa uu la qaban karo uu la-garab-galo. Haddii ay isaga ku adkaatay Wax-barashadii, waxa ay la noqotay, in gabdhaha ka yar-yar kaalmeyntoodii, tanna uu ku daro.

Labada gabdhood ee ka yar-yar ee la kala yiraahdo Ayaan iyo Aragsan, isaga ayaa ka dabbara Isoolka, in kasta oo mid ka mid ah bilaash uu ugu helay wax-barashada, laakiin agabka kale uu ka dabbaro, midda kalana uu wax walba ka daboolo.

Waxaa uu wiilku Samawada u sheegay, in uu intii karaankiisa ah kal-kaali doono, haddii Alle yiraahdo, isaga oo ka codsaday in ay si fiican u dadaasho, iyana madaxa ayey u ruxday hawraartaas, iyada oo u mahad-celinaysay. Halkaas ayaana habeenkaas la isku macasalaameeyey.

Maantii xigteyba, xilhgii far-dambaha ayey u timid, Cabbitaan ayuu siiyey, markii ay cabtay-ba, waxaa ay u sheegtay in ay u baahan tahay Buugta wax lagu qorto iyo qalimaan, haddii uu heli karo. Xoogaa yar oo uu shalay iyo saaka iibiyey ayuu inta Sandaqad meesha ka dhaweyd la- aaday, uga soo gaday toddoba Buug iyo laba Qalin kala mi dab ah iyo hal Laabis ah. Inta u keenay ayuu ku yiri “Abbaayo waa kuwaane, orod Fasalka aad, yuusan casharku ku dhaafine”.

“Mahadsanid iyo Haye” inta tiri, ayey baxday.

Samawada iyada oo faraxsan ayey ka tagtay, sababata ooah, labo arrimood ayey heshey oo ku cuslayd. Waa marka hore e, xilliga biririfta ma soo bixi jirin, sababtuna ahayd, busaaradda haysatay, laakiin maanta, xilliga far-dambaha, waxa ay heshay meel ay wax afka ka soo geliso. Midda labaad, Buugta iyo Qalimaanta aad bey uga fekeri jirtay, laakiin maanta, waa tanoo iyaga oo aan wakhtiba uga bixin, heleysa.

Sawrac, labada gabdhood ee la-dhalatay, midda weyn oo hal sano ka yar, oo la yiraahdo Ayaan ayey is-la’eg yihiin Samawada. Xitaa xagga dhirirka iyo dhexdaba waa isku dhawaayeen. Arradka Samawada inta ka naxay, ayuu dhawr beri kaddibba, cabbirka walaashiisa ay Samawada isku filka ahaayeen ayuu yaqaanaye, waxaa uu u soo deyn- qaaday laba Xijaab iyo Goonno, oo midna kan Iskoolka laga xidho yahay, midna labbis caadi ah yahay iyo hal joog oo Kabo ah iyo weliba Saabbuun iyo Saliid yar.

Markii uu u soo qaaday ayuu si lama filaan ah inta gurigeedii ugu tagay, ayuu hadiyaddii kaadka guriga ku guddoonsiiyey. Samawada, inta faraxday oo ay is heyn weydey ayey ku cel-celisay “Abboowe mahad-sanid, Khayr Allaha ku siiyo”. “Dhib ma leh Abbaayo, intaas iyo ka badanba, waan isku leennahay”, ayuu inta yiri, macasaaleemeeyey.

Samawada cabbaar ayey meeshii taagneyd, waxa ayna la yaabbeneed wanaagga Sawrac iyo garashadiisa iyo sida ay muctaad ugu ahayd dharkaan, maaddaama dharkii ay qabtay inta hilfo ay noqdeen, daclo iyo farqo ay la bexeen.

Subaxdii xigtayba, waxa ay ku soo labbisatay dharkii Xijaabka Iskuulka iyo Goonnadiisii quruxda badnayd iyo Kabihii Sookalka ahaa iyada oo weliba si filcan ugu soo qubaysatay Saabuuntii, oo hollabtii si wanaasgan isaga mayrtay, isla markaasina ku soo dhaashatay Saliiddii udgooneyd. Marka ay guriga ka soo baxaysay, waa arkaysay eeddadeed, laakiin waxa ay is lahayd abtigeed baa Alle tii u soo khasbay, oo meel kale ayey wax ka heli kartaaba isma oran.

Markii ay Iskoolkii tiroid, waxaa isla markiiba isha la raac-raacay gabdhihii iyo wiilashii ay is yaqaaneen, oo kuwa ay isku fasalka ahaayeen u badnaa, sababta oo ah, waxa ay u ekaatay Samawad qof kale. Waagiii hore, waxaa quruxdeeda qarinayey arradka oogada iyo kan dharka baaliga ah ee aan beddelka lahayn.
Arrad iyo Busaaradi waa qurux wedkeed e, markii maryahaan cusub ee bilicda badan ay ku soo labbisatay, waxaa soo baxay quruxdeedii iyo shacnigii ay u dhalatay, waxaa ayna soo jiidatay ardeydii Iskoolka; gabdho iyo wiilalba. Isla markiiba, waxa ay Samawada dareentay Layr cagaaran oo muujinayey, in ay ka soo gudubto xeyn- daabkii horyaallay. Isla xilligaas-ba, waxaa wada hadal la furay oo kaftan soo dhaweyn iyo la-jaan-qaad ah ku bilaabay wiilashii iyo gabdhihii yasi jiray!

Si deedaba, dadku, samankaan waa indho-ku- garaadle, oo marka ay kaa jajaban tahayna il-qoraad bay kaa dhugtaan, marka ay kuugu jirtana dhoolla-caddeyn bay kugu qaabilaane. Waa taa Samawada sheekadii iyo kaftankii dhallinyarada lagu daray!

Samawada, mar kasta oo far-danbaha la gaaro, oo biririfta yarta ah la helo, waxa ay isku sii deysaa Sawrac, waxa ayna ka cabtaa hadba nooca ay doonto; Biyaha uu halkaas ku qaso. Waxaa kale oo ay ku darsataa Jallaato oo ay Iskoolka inta ay dhex joogto ku malafsato.

Gabadhu kama fekerto in uu Wiilku miskiin yahay, oo reero dhan ka Masruufo miiskaas yar, laakiin uu iyada maankeeda ilaalinayo, laakiin iyadu wax-baba iskama weydiiso xaalkiisa, markaas bay labo jeer, ugu yaraan laba galaas oo biyo ah ka cabtaa maantii; Mid far-dambaha ah iyo mid marka ay sii dhalan-dhoolayso ah iyo mararka qaar laba Jallaato.

Waxaa intaas dheer, haddii ay u baahato xoogaa Shilimaad ah, waa weydiisataa, isna, ma hayo waa ku cuius tehee, wixii uu hayo ayuu sii siiyaa. Deyn badan ayey gehsaa, oo haddii ay u baahato Baati, Malkhamad, Guntiino ama Garbasaar qurxoonba, waa warsataa, isna, ma heli karo ma yiraahdee, waxaa uu uga soo qaadaa Dukaan ay macmiil yihiin, oo nin qaraabadiis ah leeyahay.

Mar uu Dukaankaas lacag badan oo deyn ah, oo uu iyada u galay isku gaartay, ayaa Alle uga samata-bixiyey adeerkiis labaad oo Sucuudiga ka yimid, oo uu maalin soo shaxaaday, oo intii uu ka soo helay oo dhan Dukaankii uu wada siiyey.

Ayaan markii uu sidaas ku waday Samawada, ayaa dareenkii Sawrac ee walaaltinimo isu beddeley dareen jacayl. Ninku waa nine, waxaa soo jiitay bilicda qurxoon ee Samawada oo aysan nawaaxigaas ku nooleyn tu la mid ah. Waxa ay leedahay muuqaal aad wacan oo soo jiidasho leh, hadal macaan iyo dhoolla-caddeyn saameynteedu ay qalbiga u tallaabayso, oo wiilka laabtiisii kal hore u gudubtay.

Dareenkaas uu qaaday darti, ayuusan la-dareemin cabbitaanka uusan awoodin ee ay daldalayso iyo wax weydiisadka badan ee isugu jiray midka dhaqaale iyo midka dharba. Marar badan ayuu damcay in uu jacaylkaas u ban-dhigo, laakiin waxa uu ka cabsaday, in ay u garato taageeridda uu taageerayo, mid ku salaysan dan kale.

Markii uu in muddo ah jacaylkaas qarsanayey, ayuu maalin waxaa uu goostay, in uu u sheegto. Mar ay Dugsiga inta ka soo baxday, ay soo maraysay, oo cabbitaan Liin Bambeelmo ah ay ka dalbanaysay iyo xabbad Jallaato ah oo ay jidka ku sii carrabsatana ka sii qaadanaysay, ayuu waxa uu ka codsaday in ay caawa kulmaan, haddii ay fursad heyso. Samawada waxa ay u aragtaa fursad Eebbe u soo dir aye, maba cudur-daaran, oo waxa ay u qaadatay in uu wax u keenayee, waxa ay u guddoontay weydiisadkaas sidii uu rabay, waxaana lagu ballamay meelihii xaafaddeeda u dhawaa ee mar-mar la isku wareysan jiray.

Mar ay fiid-horaad ahayd, ayuu isaga oo sidii marka uu Biyaha iibinayo ka nadiifsan, xoogaana boorka iska soo qaaday, ayuu ugu tagay inantii halkii lagu ballamay. Salaan iyo is-nabdaadin guud kaddib, waxaa uu u sheegay sida uu ugu faraxsan yahay is-barashadoodii iyo hor-u-kaca wax- barashadeeda. Waxaa kale oo uu ugu niyad-qaboojiyey, in uusan kaga hareyn dadaalkeeda wax-barasho iyo hammigeeda sare, oo uu garab-taagnaan doono.

Intaas dabadeed, waxaa uu u soo ban-dhigay arrin ay Samawada la yaabtey. Waxaa uu ku yiri “Samawada, abbaayo, waxaa kale oo aan caawa kuugu imid, arrin dhawr bilood qalbigeyga saameysay”. Inta naxday oo si fiican u kuud-kuudsatay, ayey dareenkeeda oo dhan wada siisay liadalka Sawrac, iyada oo la-yaabban, waxa uu sheegi iloono. Isaga oo hadalkii wata ayuu sii yiri “Abbaayo, muddo dheerba jacayl aan kuu qaaday ayaan la daalaa- tlhacayey. Habeenkaas oo dhan ayaan kaa fekeraa, maalintiina haddii aanan ku aragba iima ahan. Inta aad i ag raagan tahay, ee aad cabbitaanka cabbeyso, ayeyba aniga ii rahay in aan Jannadii Adduunka ku jiro.

Dhawr jeer ayaan damcay in aan kuu soo ban-dhigo, laakiin, armay si kale kuu aragtaa ayaan is iri. Abbaayoy, waxa aan doonayaa in aad arrintaas wax igala qabatid”.

Samawada waagiibaa ku baryey, arrinta noocaan ah kama filanayn Sawrac. Kama maaranto wiilkaan, oo waa kan nolosheedii iyo wax-barashadeediiba dhiirri-geliyey, oo ardaydii ay ka qoqobnayd ku dhex daray, haddana arrintaan aad bey ugu cuius tahay, oo waxa ay u arkaysay in uusan u qalmin!

Haddii ay cabbaar arrintii rog-rogtay, isna uu aamusnaa, oo Allow khayr ka keen niyadda uu uga lahaa, waa tan hadashay, waxa ayna ku tiri “Abboowe, anigu jacayl ma aqaan, laakiin arrinta aniga dartay dhibaatada kuu gelisay, waan kula qabanayaa, waana kula garab- galayaa”.

Inta wiilkii Sawrac ahaa is-heyn waayey, ayuu waxa uu ku waashay “Abbaayooy mahad-sanid, Allaha khayr ku siiyo”. Isaga oo faraxsan ayuuna habeenkaas, halkaas ku macasalaameeyey Samawada.

Sawrac habeenkaas, habeen Laylatul-qaddar bay u ahayd. Arrin ka cakirneyd ayaa sidii uu rabay ugu fushay. Gabadhii baa la qaadatay jacaylkii keligiis uu ku ahaa.

Waxa uuna ka fekerayaa sidii uu gabadhaas dhllggiisa oo dhan ugu bixin lahaa, habkii ay ku noqon lahayd gabadha ugu sarreysa Dugsiga iyo gabadha ugu fiican. Waxaa kale oo uu ka fekerayaa, qaabkii uu ula wadaagi lahaa mustaqbal ifaya. Habeenkaas iyo wixii ka dambeeyey, adduun kale oo qurxoon ayuu galay.
Samawado, waagii hore ee ay u imaan jirtay Sawrac caadi ayuu la ahaa, laakiin waayadan dambe, ee ay dharka quruxda badan, Cabbitaannada iyo Jallatada jirkeedii kala bixiyey, gaaddaheedii iyo naasaheediina inta soo bexeen, gebi ahaanba muuqeedii dhabta ahaa soo saaray, ee ay heshey arday badan oo gabdho iyo wiilal ah oo dabaqad sare ah, oo ka daba-yaacaya, waxa ay u aragtaa Sawrac wiil hoose, oo aan u qalmin, maadaama ay hadda cid kasta daba-ordayso. Runtii jacaylkiisa iyo aayo-la-wadaaggiisa jac kuma ah an.

Waxa ay codsigiisa uga yeeshey, waxa ay u ekeyd, ku daneysi iyo yuusan ku dhaafin adeegga Dharka, Wax yaalaha la isku qurxiyo, Buugaagta iyo Qalimaanta iyo weliba Shilimaadka caddaanka ah ee ay ka qaad-qaadato!
Samawada, ma aqaan meesha ay la liigaysaye, dareenkeeda Aadaminimo ayaa aad ugu yaraa. Markii hore keligeed ayaa u imaan jirtay, oo Cabbitaanka iyo Jallaatada dalban jirtaye, markii ay aragtay in uuba jecel yahay, ayey bilawday, in saaxiibadeed soo kaxaysato, oo keento Miiska Sawrac, oo ay ku tiraahdo “Dalbada Cabbitaan iyo Jallaato, waxa aad rabtaan”. Markaasaa isaga oo ku ixtiraamaya Jacaykiisa, siiyaa saaxiibadeed, waxa ay doonayaan.

Mararka qaar, waxa ay weydiisataa lacag Caddaan ah, kolkaas buu waxa uu hayo ee markaas u yaal, maqalka uga soo bixiyaa. Markii uu siiyo, ayey waxa ay la aaddaa

**

Dukaan ka soo hor-jeeda Iskoolka, markaas bay kaga iibsataa Cabbitaanno, Saambuus iyo Bajiye, ardayda saaxiibadeed ahna uga gaddaa. Runtii aad bay ardaydu u daneeyaan waayadan la-socodka Samawada, bacdamaa ay maalmahaan dambe dhac-dhac ku qabaan.

Caku, qofku haddii uusan aragti dheereyn. Caku haddii uusan kala garan karin kan wax-taraya iyo kan aan waxba u heyn. Caku haddii uusan fekereyn, oo uusan ugu yaraan dhanka Bini-Aadaminimada eegeyn.

Samawada, Wiilkii sidii la-ogaa ula gurmaday, oo culayskeeda Xambaaray, ayey culeys kale sii saartay, ma aqaan maan-gaabnimo iyo xaasidnimo tay ka ahayde!
Dhawr jeer baa saaxiibbadeed weydiiyeen wiilka ay u geyso, ee ay

-+++

Cabbitaannada ka soo siiso, ee aysan lacagna siin, markaas bay ugu sheegtaa, in uu yahay wiil ay macaamiil yihiin, oo lagu qoro Cabbitaannada, oo ay hal mar u shubto deyntiisa! Weligeed cid ay taqaan uma sheegin, in uu Sawrac yahay wiilka gacan-qabta, oo is- beddelka ka muuqda uu yahay wiilka ka dambeeya!
Waayadii hore, Samawada xoogaa ayey la-taagnaan jirtay Sawrac, oo fursad ay ku wada had-hadlaan ayey siin jirtay, laakiin ay a am ah an dambe, waxa ay inta badan u timaaddaa, iyada oo saaxiibadeed la socota, haddii ay keligeed u timaaddana inta ay biyaha cabbeyso mm bey la joogtaa. Wakhtigeeda ugu badan waxa ay ku bixisaa saaxiibbadeed, oo ay si fiican isku fahmeen xilliyadan dambe. Isaga qudhiisu aragti la’aanta ayaa u daran, intaasba waa u naruuro, in kasta oo uu jeclaan lahaa in uu fursad fiican u helo, maalin kasta oo ay u timaaddo.

+++

Laba kala bariday kala war \a\ Sawracna, indhihiisa waa ka jecel yahay Samawada, kolkaas buu, wax kasta u huraa. Waxa uu ka fekeraa, sidii ay xiddig ku noqon lahayd, oo ay ardeyda uga dhex muuqan lahayd. Waxaa uu ku dadaalaa sidii wax walba oo qalbigeeda ku soo cthaca, uu uga dabooli lahaa. Laakiin Samawada, ma jecla iyadu, umana aragto qof u dhigma, waana iska sarreysiisaa, oo mashquul aan jirin ayey isku riddaa.

Dhanka kale, jacaylka uu u qabo markii ay aragtay, ayey fursaddaas kaga faa’iideysataa, oo wax walba waa warsataa, haddana kaaga darane, saaxiibbadeed ayey soo kaxaysataa, oo ay Cabbitaanno ka siisaa miiska wiilka miskiiuka ah!

Samawada, iyada oo maalin gabar saaxiibteed ah, oo ay isku fasal ahaayeen Suuqa Bakaaraha kala soo adeegeysa, ayaa Macdaar saaxiibteed ka adeeganeysey, wiilkii gadayey, Samawada inta quruxdeeda la dhacay, la kaftamay. Xoogaa markii la kaf-kaftamey, ayuu waxaa uu weydiiyey magaceeda, halka ay deggan tahay iyo haddii taleefoon gurigooda uu ku jiro.

Wax walba sidii uu rabay ayey ugu sheegtey, waxa ayna siisay taleefoon ku xiran guri u dhow, oo gabar ay Iskoolka isla dhigtaan deggan tahay. Isla habeenkiiba waa soo wacay taleefoonkii, saaxiibteed ayaa inta ugu yeertay, ayey Samawada la sheekaysatay wiilkii cusbaa ee ay baratay.

Wiilku waa wiil 25 jir ah markaas, waxaana la yiraahdaa Haruuse. Magaciisa ayaabad ka garanaysaaye, waa wiil madow, oo misena aad u xoogganaa, oo ladnaani ay ka muuqatay, aadna ugu labbisnaa dhar ifaya oo qurxoon. Dukaanka uu gadayo, walaashiis baa iska leh.

+++

Su’aalihii ugu horreeyey ee uu weydiiyey, waxaa ka mid ahaa, in ay leedahay qof ay wada sheekeystaan, oo ay isku dhaw yihiin, markaas bay u sheegtay in uusan jirin cid ay la-haasawdo.

Habeenkaas iyo wixii ka dambeeyey, waxaa Haruuse iyo Samawada dhex marayey sheekooyin dhaadheer, aad ayeyna isugu baxday. Waxaana halkaas labadoodii uga bilawday xiriir toos ah, oo habeen kasta taleefoonka laga wada hadlo, taas oo ugu dambeyntii isku beddeshay, in ay loos mar walba isku arkaan. Marba meel ayey ku ballamaan oo ay ku kulmaan; mar guriga saaxiibteed, mar guryaha saaxiibbadiis, marna jardiinnada iyo meelaha qarsoon.

Gabadhii Samawada ahayd, waxa ay iska dhaadhicisay, in ay heshay maanta wiilkii ay ku fekeri jirtay. Waxa ay iskula sheekeysatay, maadaama uu Haruuse isugu sheegay in uuba Dukaanka leeyahay, in haddii ay hesho wiilkaan ay Barwaaqo dhex-geli doonto, ayna t’akhriga inta ku hartay ku tuuri doonto.
IUeyn gabar aan aragti dheereyn, dhal-dhalaalkaa dila e, gabadhii waxaa ka soo hartay baadi-goob joogta ah, oo ay ku raadinayso Haruuse. Dukaankii cagta kama qaaddo, mar kasta oo ay fursad hesho. Meesha uu ugu sheego in uu joogo, ayey ugu tagtaa.

Haruuse sida Sawrac oo kale, gabadha waxba ma siiyo, ma saacido, xitaa Dukaanka weligiis hal shey kama siin, iska daa Cabbitaanno iyo wax kala e.
Samawada wixii jacayl ahna waxa ay la naaxisaa Haruuse, oo aysan wax kale ku haysan, rajo u bidhaamayso mooyee, Sawracna, waa ay iska biilataa. Inta ay Iskoolka joogto, ma dareento wax busaarad ah, haddii ay Cabitaan u baahato iyo Jallaato, Sawrac baa Iskoolka agtiisa Miis ugu

++

leh. Haddii ay u baahato arrad-tir iyo Shilimaad magaalo- joog ah, Sawrac oo aysan aqoon sida uu ku keeno ayey ka heshaa. Iskaba daa agabka ay Iskoolka ugu baahan tahay, oo taas lagama ag maro Sawrac.

Wax walba waxa ugu yaab badan, marka ay rabto in ay aaddo Haruuse, inta aad ugu soo labbisato dhar kala midib ah, oo uu horey ugu soo deyntay Sawrac, oo ay u timaaddo Sawrac ayey ku tiraahdaa “Abboowe, meel ayaan u socdaaye, gaari-raac i sii”. Isna maba weydiiyo halka ay u socoto iyo waxa ay doonaysee, inta gacanta geliyo maqalkiisii yaraa, ayuu dhawr Kun Sh. So. oo uu maalintaas iibiyey siiyaa.

In kasta oo ay arrintaas dhib ku tahay, haddana waxa uu ilaaliyaa laabta Samawada, taas oo keentay, in xitaa reerkii dareemey Masruuf-yari, oo sidii uu wax u keeni jiray uusan wax-ba u keenin. Laakiin isna ma nasto, oo subixii sidii uu hal saac, subixii (7-da aroornimo) u yimaado, isaga oo aan xuurto-tiran ayuu waxa uu ka rawaxaa halka saac, habeenkii (7-da habeenniino).

Alla, yaa wax u sheega Samawada! Ma oga wiilka miskiinka ah ee Il-madawga ah ee lafihiisa u qorraxeeyey ee ay laqdaheynayso, in Cuqubadiisu aysan meel la’aan dhici doonin, oo mar un ay gadaal ugu soo guryo-noqon doonto. Kama war-qabto, ficil kasta oo Aadane sameeyo; Khayr iyo Shar kuu yahayba, in Abaal-marintiisa uu helayo; ama ha u soo deg-degto ama ha u soo dib-dhacdee.
Haruuse iyo Samawada aad ayey isugu dheeraadeen. Waagii hore aad baa la isugu cusbaa, oo hadba markii meel la isugu tago, sheekooyin hallaasi ah iyo jacaylka ayaa laga wada hadli jiray, laakiin waayadan dambe, marka ay isku helaan qol cidla ah, fara-fareyn iyo istiimin ayaa la isku

++

bilaabaa, taas oo meesha ka saartay sheekooyinkii laga sheekeysan jiray. Waxa uu markii dambe salaaxii iyo luutuujiskii isku baddeley isku dhar-dhigasho iyo iska shaqeyn.

Sidii ay sidaas ugu socotay, gabadhii waxaa ay mar dambe la soo boodday Yalaalugo, Lallabbo iyo Matag joogta ah. Waa ka xishootaa Haruuse’ e, waxa ay xanuunkeeda u sheegtaa Sawrac, markaas buu ku dhahaa “Bal u tag Farmashiye, oo daawada uu kuu soo qoro ii soo sheeg”. Marka ay Farmashi u tagto, waxa uu soo siiyaa Daawooyin Lallabada iyo Matagga u fiican, wax is-beddel ahna kama aragto.

Ma fahanto waxa haya, cid u sheegtana ma hesho. Waxa ayba arrintaas ka sii qaadday Jamasho xad-dhaaf ah, oo ay u qaadday Haruuse, taas ku keentey, in aysan daqiiqad moogaan karin. Mar kasta waa raadisaa, isna inta hadba guri geysto ayuu beerka ka soo tumaa.

Ayaan markii ay saa ku jirtay, gabadhii waxaa galay dareen, waxa ayna fahantay calool soo baxaysa iyo garaac caloosha dhexdeeda ah. Islaamihii ka waaweynaa ayey su’aalo ugu dhaqaaqday, taas oo u fududeysey in ay garato, in ay Uur leedahay.

Markii hore waa faraxday, haddii ay Uur u qaadday wiilkii badar-noolaha ahaa ee reeraha ladanna ka soo jeeday, laakiin waxa ay talo ku caddaatay, markii uu Haruuse ku yiri “Naa waxa aad la wareegeysid ila dhaaf”. Wax kasta waxaa ugu darnaa markii uu u dhaartay, oo uu ku yiri “Haddii aan kaa maqlo, hadal aniga dhankayga ah, adduunkaan waan ku dhaafsiinayaa”.

++

Waa og lahay, in tahay looma-ooyaan, Haruusena yahay wiil mooryaan lehe, waxa ay go’aansatay, si ay nafteeda u badbaadiso, in ay ka gaabsato.

Samawada waa fekertaa, oo fekertaa, markaas baa waxaa u soo baxa rajo xumo. Reerka ay la joogto, awal beyba dhib ku qabeene, haddii ay la timaaddo Uur bilaa Aabbe ah, waxba uma yaallaan. Reerkoodii haddii loo sheegana, kaba daran.
Waa ay fekertaa mar walba, waxa ayna goosatay, in aysan arrintaan u sheegin ciddeeda, inta ay xal uga helayso. Waxa ay sidaas oo kale goosatay in aysan la wadaagin saaxiibadeedii Iskoolka, oo iyaguna mashquulkii ugu dambeeyey ku jira, maaddaama ay dhiganayeen fasalkii ugu dambeeyey, ayna afar bil uga dhimmanayd qalin-jabintoodii.

Sidii ay talo u ged-geddineysey, ayaa waxaa ku soo dhacday arrin ay is tiri, maanta waad ku baxsan kartaa. Waxaa ay is-tiri, Sawrac, ka dhaadhici, in aad is- mehersataan, oo aad ugu qal-qaali, si markaasi uu Uurkaas isagu qoorta u surto.
Maba sugine, inta aadday oo ballansatay, ayey in ay is-mehersadaan u soo bandhigtay. Waaba nin u dhimanaya e, inta farxay ayuu ka aqbalay, laakiin, waxaa uu u sheegey, in uu ka soo laabanayo laba toddobaad gudahood Magaalada Gaalkacyo, oo nin ay aabbihiis saaxiib ahaayeen ugu yeeray, in alaab uu aabbihiis u hayey, ka soo qaado.

Gabadhii inta faraxday, oo in arrintii sallaxantay ay aamintay, ayaa iyada oo riyaaqsan, oo sugaysa in ay hawsheedii laba setimaan kaddib dhammaaneyso, ayaa habeenkaas reyreyn ku seexatay.

Sawrac, maalmo kabacdlba, wiil inta Miiskii uga tagtay, kalana ballamay Samawada, ayuu Gaalkacyo aaday.

++

Laakiin sida uu u filayey, in uu deg-deg ku soo laabto uma suuro-gelin, waxa ayna ku qaadatay, laba bil.

Samawada sidii ay u sugeysay, oo maalin-ba maalinta ka dambeysa, Uurkii u soo baxayey, oo ay u qarsanaysay, ayaa waxa uu yimid, iyada oo calooshii bannaanka timid.

Intii uu Maqnaa Sawrac, ayaa Samawada waxa ay aragtay in ay xaajo-dhabaqday, oo Uurkii bannaanka yimid,

++

00 a an an markaan lagu dagi karin Sawrac, markaas bay waxaa ay go’aansatay, haddii cidda ay fahanto Uurkaas ay qarinayso, in ay Sawrac dusha ka saarto, haddii uu yimaado iyo haddii uusan imaan-ba.

Iyada oo sidaas go’aan ku gaartay, ayuu yimid Sawrac, kolkaas bay talo-ku-gaartay in ay arrinta Uurka u sheegto, iyada oo aan si saxa uga warramayn halka ay

++

1 Jurkaas ka keentay, oo haddii uu sidaas ku yeelana, ay soo dhaweyso, haddii uu ku diidana ay dusha ka saarto, maaddaama uu qudhiisuna yahay looma-ooyaan aan waxba dhaamin.

Sidii bay samaysay, oo maalintii uu yimid, tii ku xigtayba, inta u tagtay, iyada oo calool kuusan, ayey ku ballansatay fiidkii halkii ay isugu imaan jireen.

Meeshii lagu ballamay ayey isugu wada yimaadeen. Is-wareysi guud kaddib, waxa ay u sheegtay Samawada arrinta ku soo cusboonaatay, waxa ayna ku tiri, sida tan; “Abboowe, Sawracow, runtii aad ayaan ugu farxaa barashadaadii, wax weyn ayeyna ii tartay, oo aayahaygii ayaad bishay. Anigu walaaltinimo ayaan kugu bartay, iina gacan-qabatay, laakiin markii dambe ee aad iila timid jacaylkii ku aafeeyeyna, waan kaa aqbalay, aniga oo kuwa kaa horreeyey ka diiday. Caawa waxa aan kuugu yeeray, in

++

aad iga fujisid arrin qalbiga iiga taal iyo in aad maanta i furatid”.

Inta aysan u sheegin arrintaa, ayaa wiilkii Sawrac ahaa naxdin darteed iyo maxay sheegi doontaa inta is-yiri, hadalkeedii si dhugma leh ku dhageystay. Iyada oo hadalkii sii wadata, ayey sii tiri “Abboowe, dhawr bil ka hor ayaa niman maleeshiyaad ahi i xoogeen, waana kaa qariyey arrintaas, oo jacaylkaaga in aan dhaawaco ayaan ka cabsanayey, arrintii aan kaa qarinayey, waxa ay keentay in aan Uur qaaday, maantana aan ahay 5 bilood. Waayahan oo dhan, waan murugeysnaa, waana kaa qarinayey, marka arrintaas ayaa igu dhacday, waadna garanaysaa gabar Uur aan aabbe lahayn haysa dhibkeeda, waxa aan si sharaf leh kaaga codsanayaa in aad i asturto maanta, Allaha Ceebahaaga asturee”.

Wiilkii Sawrac ahaa, arrintaa filin-waa ayey ku noqotay. Wuu arkayaa, in uu kulanku dantiisu ahayd ‘sheego Uurka’, laakiin haddana waxaa ku adag in uu Uurkaas dhabarka saarto. Cabbaar ayuu aamusnaa, oo uu fekerayey, oo maxaad sameysaa uu is-lahaa. Gabadhan indhisiisa ayuu ka jecel yahay, oo kama tegi karo.

Haddii uu xilli kooban talo is-weydiinayey, waxa u soo baxday, in uu inta dhanka Bini-Aadanimada eego, uu asturo jacaylkiisa ay maleeshiyaad-beeleedku faraxumeeyeen. Markaas baa waxaa uu ku yiri “Abbaayo, horta waan ka xumahay dhibka ku qabsatay, ee ay qawlaysatadu kuu geysatay. Abbaayo, waad og tahay in nil kasta ay ku cuius tahay xambaarashada cunug uusan dhalin, laakiin aniga oo arrintaas og, ayaan calool aday darti, aan doonayaa in aan maanta ceebtaada asturo, All Idankina sida aad igula soo dhiirratay, waan kaa yeela codsigaas, aniga ayaana sheeganaya Insha Allahu”.

++

l aakiin intaas waxa uu u raaciyey, in ay si hoose isku mehersadaan, maaddaama aysan macquul ahayn, in hadda la is doono. Taasna waa lagu heshiiyey, in ay dhacdo laba habeen kaddib.

Gabadhii Samawada ahayd, habeenkaas neef ayaa ka soo fuqday, aad ayeyna ula dhacday, sida uu u aqbalay Sawrac codsigeedii, uuna uga kor qaaday dhibtii ku laagnayd iyo kurbadii haysatay. Mar walbaba waa ay rabtay in ay korka ka saarto, xitaa haddii uu diido e, laakiin, isagii haaba u fududeeyey. Waxa ay damacday in ay shummiso,

++

00 ay ku tiraahdo “Macaane mahad-sanid”, laakiin dhabankiisa waa ka duway bishimaheedii, waxa uuna u arkayey dambi dhunkashada gabar uusan qabin.
Lafteedu waagii hore rna aqoon dhunkashada e,

++

Haruuse ayey ka soo baratay. Markii ay aragtay in uusan aqoon Sawraena, waa ka daysay, waxa ayna si kal-iyo-laab leh uga mahad celisay wanaagga uu u galay.
Halkaas ayaana habeenkaas la isku macasalaameeyey, iyada oo ay Samawada uga dhignayd kulankaas Jannadii Adduunka.

Sawrac, isaga oo yaabban ayuu gurigiisii tagay. Arrintaan ku soo korartay ayaa fajac ku noqotay. Gabadhii uu jeclaa heliddeedii, waxaa ka mashquuliyey ‘Aabbe- laawaha’ dusha-saarashadiisa! Waa uu sii fekeraa, intii uu gurigiisii u socday. “Gabar Shan Bilood ah, oo Uur kuu leh miyaad qarin kartaa iyo hadda halkeed geyn kartaa?”, ayuu is weydiinayey.

Sidii uu iskula sii sheekeysanayey, ayuu go’aan ku gaaray, in haddii uu dhabarka saartay ilmahaas, in sidii lagu ballamay, uu meherka dedajiyo iyo in uu reerkiisa la wadaago guurka iyo Uurkaba. Saas buuna yeelay, oo

++

Samawadana hoos buu ka meheriyey, roerkusiina waa la- wadaagay guurkiisa.
Samawada, xoogaa kale markii ay sit qarsatayba, Uurkeedii si fiican ayuu bannaanka u yimid, waxaana isla markiiba weydiisey eeddadeed, waxa ayna u sheegtay, in la-guursaday iyo weliba cidda guursaday. Waxa ay sidaas oo kale guriga ugu keentay wiilka guursaday. Eeddadeed oo awalba dariiq ay u soo marto la’ayd ayaa maalmo kaddibba Samawada gurigii ka cayrisay, iyada oo ku tiri “I dhaaf, oo orod ciddii ku guursatay aad”.

Iyada oo Bac-madaw wadata ayey subixii dambe u timid Sawrac. Arrintii markii ay u sheegtey, ayuu war kale ma yaallee, geeyey gurigoodii. Hooyadii iyo walaalihiis runtii aad bey ugu farxeen gabadha quruxda badan oo wiilkoodu keeney iyo Uurkeedaba, horeyna waa ola socdeen, in uu guursaday. Waa soo dhaweeyeen, qolalka Buushkana mid ayey u firaasheen. Wixii ay heli kareen; maal, mood iyo soo dhaweynba waxba kama hagran.

Samawada, horey uma arag guriga Sawrac. Danta ayaa ku kallifeysa mooyee, kama helin Isqanbuuska. Xitaa mararka qaar waa laga dareemaa in aysan ASH ku hayn guriga. Ma sii dooneyso in ay gurigaas ku sii noolaato, keliya waxaa ku jirta, inta aad ka dhalaysid iska dul-qaado, marka aad dhashidna, ka Irsaaqad-tag.

Samawada, Uurkeedii bannaanka ayuu iska yimid, waxaana laga wada ogaadey Iskoolka oo dhan. Laakiin, waxaa farxad u ahayd in ardeyda oo dhan aaminsanaayeen in ay guursatay, oo Uurka sidaas ay ku yeelatay, taas oo gabdho badan ugu hambalyeyn jireen, laakiin waxa ay Samawada ka qarin jirtay saaxiibbadeed, in wiilka Biyaha ku gada Laamiga ee ay yaqaaneen uu qabo, oo arrintaas waa ka xishoonaysay, maaddaama iyada iyo gabdhaha nabsi ( 26 }

++

kiilaba u arkaan wiil miskiln ah, oo aan u qalmln, waxa ayna ugu sheegi jirtay in uu guursaday, wiil Hormuud u shaqeeya, oo waa-weynka ah.

Samawada, laba bil kaddibba, Iskoolkii waa dhammeysay, iyada oo 7 bilood ah. Waxa ayna markii ay Iskoolka dhammayseyba, isaga ururtay gurigii Sawrac, maaddaama ay aad u cuslaatay.

Samawada, markii ay umushay, oo ay dhashay wiil, ayey saddex bil kaddibba, inta wiilkii reerkii u dhigtay, gaari u socday Kismaayo fuushay. Uma sheegin Sawrac iyo reerkiiba bixitaankeeda.

Kismaayo waa halka aabbeheed iyo hooyadeed degganaayeen, laakiin ujeeddadeedu Kismaayo ma ahayne, waxa ay ahayd Nayroobi, oo ay habaryarteed deggenayd, oo ay is-lahayd, inta u tagtid, dabadeed, dhoof iyo wax ka raajici.

Sawrac iyo reerkiiba, waa ay naxeen, iyaga oo u qaatay in gabadhii wax ku dheceen. Waxa ay ugu dhaqaaqeen raadin. Ilaa habeenkii markii ay wax uga bixi waayeen, ayey subixii gurigii eeddadeed tageen, waxa ayna Aamina u sheegtay, in ay ugu dambeysey waagii ay ka lagtay, taas oo ciddii murugo sii gelisay.
Dhawr beri ayey sii raad-raadiyeen, oo wax u beytiya, raq iyo mux toona heli waayeen. Maalmo kaddib ayuu Sawrac u tagey eeddadeed, markaas bey u sheegtey in ay la xiriirtay reerkii gabadha, oo ay u sheegeen in ay la joogto. Markaas buu Sawrac arrintaas ka qancay, waxna u bexeen.

Sawrac, falkaas aad buu maankiisa wax ugu dhimay. Feker iyo fara-taag ayey ku dhalisay. Hurdo iyo ladid waxaa u diiday dhibaatada ay ku dhigtay Samawada iyo Jacaylkii

++

ay ku xumeysay. Mucjisadaas qabsatay, waxaa dareemey reerkii oo dhan. Hooyadiiis Xaliimo ayaa inta wadaaddo Qaraabada ah ugu yeertay ayaa hal ‘Marro’ oo Qur’aan ah lagu dejiyey, taas oo isla markiiba caafimaad wanaagsan < uu ka helay Sawrac.

Biyo-qaskiisii ayuu gadaal ugu laabtay, taas oo Eebbe inta u barakeeyey, uu isla markiiba ganacsi yar oo kale furtay, kaas oo inta loo bullaaliyey uu markii dambe ganacsade weyn u-xuub-siibtay. Gabar wanaagsan oo noloshiisii farxad gelisey, ilmana u daadisey waa guursaday.

Ilmihii ay uga dhuumatay Samawadana, Alle waa oofsaday, oo markii ay Samawada xoortay, laba bil kaddibba, xanuuri la aqoon waayey ayaa inta ku dhacay, buu ugu dambeyntii la-god-galay.

Markii ay Samawada Kismaayo tagtay, waalidkeed oo la socday guurkeedii, waxaa ay u sheegtay in ay ninkii soo kala tageen, cunug ay u dhasheyna uu ka reebtay.

Markii ay ayaan joogtay Kismaayo, ayaa waxa ay is- barteen wiil ka yimid Ingiriiska, oo dhaqan-celis ay dadkiisii u keensadeen. Waxa ay u arkeysay fursad fiican, oo haddii ay hesho wiilkaan ay ku tegi karto dibedda. Wiilkii waaba isku dhejisey, oo waxa ay la jishay caashaq been ah. Isna kama liidane waa la dheelay.
Sidii hadba habeen la iskula ciyaarayey, Uur ayey u qaaddey wiilkii. Waaba sidii ay rabtaye, waxa ay ku tiri “Uur baan kuu leeyahay!”. Suuyeen “Baayo, ma durba! Dee maxaad Uurka u qaadday deg-deggaas?”. Seyte “Abboowe, Alle ayaa qaddaray”. Suuyeen “Baayo, iska soo rid Uurka,

++

aniga ayaa wixii Kharash ah bixinayee!”. Inta naxday ayey liri “Maxaa dhacay Walaal?”. Suuyeen “Anigu Uur kuma lala-gelin, haddana diyaar uma ihi carruur iyo reer-dhaqid loona, marka aan asxaan kuu sameeyee, cunuggu inta uusan weynaan iska soo rid!”

Inta yaabtay, oo yaabtay ayey misena ku tiri “Abboowe, maxaad sidaas u leedahay, soo ma ogid in ilmo la iska soo rido ay dambi tahay, walaal, maannu is- guursano, oq aan ilmahaan deysanno”.

Markaas buu hadalkii ugu dambeeyey, oo ay go’aan ku gaarto ku yiri “Baayo, anigu Soomaaliya guur iyo reer in aan dhisto uma imaane, ama iska soo rid ilmaha aan kaa saacido arrintaas e, ama ilmahaaga deyso, oo aniga ha ila soo aadin, oo ha i sheegan!”.

Cabbaar inta fekertay, oo candhuufteedii dib u liqday, ayey go’aan waxa ay ku gaartay, in ay ilmaha soo riddo, maaddaama aysan u muuqan talo kale. Inta la- hadashay, ayey ku tiri wiilkii “Abboowe, waan qaatay laladaas, waana soo tuurayaa cunugga e, isii wixii aan ku soo tuuri lahaa. Waxaa kale oo aan codsanayaa, in haddii aad ii heli karto, aad ii raadiso lacag aan ku aado Kenya”. Waa ka yeelay. Asbuuc kaddibna, ilmihii waa la soo tuuray, iyadana bil kabacdiba, waxa ay – iyada oo aysan reerkeedii ogeyn – gaari u sii raacdey Kenya.
Markii ay Nayroobi tagtay, oo ay habaryarteed ku degtay, ayaa waxa ay ogaatay, in habaryarteed aysan dibed u socon, oo ay tahay, Islaan wadaad ah, oo ninkeedii dibedda jiro, oo ay ninkeeda ku heshiiyeen in ay iska joogto Kenya, isna uu dibedda uga soo shaqeeyo, oo ilmaha ay halkaas ku heyso. Sidaas darteed habaryarteed, ma oggola in dhallinyaradu dibedda aaddo, waxa ayna

++

sida carruurteeda oo kale – gabadhii ku bilawday in ay wax-barato, oo ay iska deyso dibed-u-hanqal-taagga.

Waagii Samawada ay ogaatay fekerka habaryarteed, oo runtii ka soo horjeeda waxa ay dooneysay, ayey go’aansatay in ay iyadu dhoof raadsato, markaas bey waxa ay bilawday in ay xog ka hesho, sida loo dhoofo iyo qaabka khadadka dhoofka lagu helo. Waxa ay raadisaa, dhallinyarada dibedaha ka timaadda, si ay inta ula saaxiibto, dabadeed ay uga hesho fursad ay ku dhoofi karto.

Waa qaddar e, waxaa ku soo aada mar walba, qurba- joogta, kuwooda ugu xun ee u yimaada Nayroobi tumashada. Markaas baa key barataba, waxa uu geeyaa guryaha tumashada, kolkaas bey waxa ay baratay Shiishadda, Jaadka iyo Khamriga. Markii uu ka macaysto, oo uu ayaan wad-wado ayey inta u soo urto, ka aag- baddeshaa.

Habaryarteed, markii ay aragtay in ay gabadhii suuqa gashay, ayey gurigeeda ka fiijisay, si aysan gabdhaheeda uga fidneyn, markaasey Samawadana beerta si xun u sii dabaalataa. Ayaan markii ay joogtaba, ilmo ayey iska soo riddaa.
Maaddaama aysan hooy lahayn, waxa ay noqotay in hadba Majlis qaad ku hoyato. Markii ay Majaalistii caan ka noqotay, oo laga qash-dhacay, waxa ay u wareegtey dhanka Keenyantiga, iyagiina sidii ay horey iyo gadaal uga marayeen, bilo gudaheed-ba waa isku sii raabuqiyeen.

Sidii ragga xun ee Soomaalida ahaa iyo Madawgii Keenyaba hadba isugu sii dhiibayeen ayey qolo tuugo ah, oo honnoti ah, oo lagu raad-joogay, u gashay. Iyaga oo falal burcad ah ku guda jira, ayaa ciidanka Nabad-sugidda

++

Kenya soo qabqabteen. Xabsiga ayaa la dhigay Samawada iyo saaxiibbadeed, oo ay halkaas ku dhammeysatay sannad xarig ah.

Markii ay soo idlaysatay xarigii, oo ay ka soo baxday xabsigii, iyada oo digs! dabadi u eg, ayey garatay in uusan Nayroobi fadhi-u-ool. Waxa ay iskula talisay, in ay Soomaaliya isaga soo laabato, maaddaama ay dhoofi weydey, dhoof-doonkiina meel xil-le dhigay.

Mid ay isku suuq ahaayeen oo saaxiibteed ah, oo u socota Boosaaso ayey is arkeen, oo ay ka codsatay in ay raacdo. Inta ka yeeshay oo la-tabaabusheysatay ayey Boosaaso ka caga-dhigteen. Iyada iyo tiiba waxa ay Boosaaso ka bilaabeen shaqadoodii, waxaa ayna heshay suuq cusub oo ay ayaan kale ku mood-moodday.

Kolkii inta la bartay, laga qash-dhacay ayey Xamar u soo socdaashay, kolkaas bay suuqa layrka leh ka soo dhul- bilawday.

Sideedaba, waa dhaqanka Dumarka hallaaba iyo kuwa Shuhubooyinka ah, in ay ka-hawo-geddistaan meel kasta oo aad looga barto oo ay ku qiime-dhacaan, si ay u hesho suuq cusub. Meesha kale markii ay tagto ayey Xuural-ciin iska dhigtaa, kolkaasey dabaqadda save inta ka soo bilawdo ayaa sida la isugu sii dhiidhiibayo, taxtiga tagtaa. Hadhaw ayey misena aaggaas iyo Magaaladaas ka beddelataa. Marka ay kor-iyo-hoosba ka daasho, oo ay aragto in aysan sii socon karin ayey aakhrika isku beddeshaa ‘Fataalad’ gabdhaha suuqa-gelisa oo dabeed iibisa.
Markii ay Samawda baryo xoogaa ah joogtay Xamar, oo Majaalista badankood ka socon weyday, ayey soo

++

istaagey meel cidla ah. Quruxdii iyo shacnigii lagu rabay dhammaa, oo maanta xitaa Ilkihii waxa ay noqdeen kuwa doorsoomay, kuwa qodmay iyo kuwo jajabay. Wajigii quruxda badnaa qayirmay. Meel walba oo jirkeeda ka mid ahaydna, waa tan inta dabacday kala daadatay. Nacalad ayaa kordeeda fuushay, qofkii arko uu ka cararayo!

Waa dambe, markii ay aragtay in aysan suuq lahayn ayey Fataalad isku beddeshey, oo halkaas irsaaqaddii ka gashay.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa iyada oo fekeraysa, oo haad u bixi waayey oo Mijintii maantaas la’, oo meel ay aaddo garan la’, ayaa waxaa uu Raadeerkeedii soo qabtay Sawrac, oo uusanba ku soo dhicin muddo dheer. Xitaa markii ay Xamar imaanaysay, maba xasuusan isaga iyo wiilkii ay ku ag xoortay-ba. Shaw hunguri wejiyo badan baa inta galay, waxa ay go’aansatay in ay raadiso Sawrac oo ay bal ogaato meesha ay ku dambeeyeen isaga iyo wiilkii.

Raadin iyo goobid ayey ugu dhaqaaqday. Qabiilkiisa, Jifadiisa iyo ab-tirkiisaba waa garaneysaye, muddo yar kaddibba waa heshay. Nin ay Samawada is-yaqaaneen, 0‘ dhawr jeer wada qayileen, oo ay Sawrac isku hay ahaayeen, ayaa inta kaxeeyey, waxaa uu ugu geeyey guri u- degganaa oo uu ku lahaa Xamar-Jadiid.

Markii uu Sawrac gurigii ka furay ayey Samawad inta ku soo boodday, ku tiri “Sawrac waa Samawada ee isk warran walaal”. Inta naxay, oo uu gabadhii iska qabta- ayuu fiiriyey, markaasey ula ekaan weydey Samawad kolkaas buu ku yiri “Naa ma tihid Samawada e, beenta isk dhaaf”. “Wallaahi waa Samawada, oo Nabsigaagii helay’ inta tiri ayey misena sii raacisey “Meeyey wiilkaygii yara

++

ee aan ka tagay?”. Sawrac inta gartay in ay tahay Samawada, oo Mucjiso qabsatay, ayuu inta geeyey qolka ladhiga, soo dhaweeyey.

War dhafoorka ayuu ku yaallaaye, ma wareysan, laakiin isaga ayaa u sheegey in uu guursaday, oo Shan Carruur ah Eebbe siiyey, isla markaasina uu leeyahay guriga uu maanta ku nool yahay, ganacsade weynna yahay.

In uu* Alle barwaaqeeyey ayuu uga warramay, Ilaahayna uu faraj u furay dabadeed.

Laakiin hadal ay ka naxday ayuu u sheegey, oo ahaa, in Wiilkeedii, tegitaankeedii, laba bil kaddibba, uu saqiiray, kaddib markii uu xanuun la garan waayey, lagana daweyn kari waayey, la-maliilay!

Sawrac, inta uu siiyey lacag fiican, ayuu ku yiri “Abbaayo, wax kale kuuma tari kara e, intaas qaado, Ilaahayna wanaag ayaan kaaga baryayaa”.

Samawada, intii uu hadalka u waday oo dhan, is- beddel ayaa ku dhacay, waxaa ayna bilawday in ay hogato, oo ay fiirin weydo Sawrac, oo barwaaqoobay iyo iyada oo dullawday. Maanta Cayr iyo Carruur la’aan iyo hoog ayey dhex fadhidaa.

Inta is celin weydey oo lacagtii ka firdhatay ayey oohin la dhawaaqday, oo roogga isku tuurtay. Carruurtii iyo reerkii baa ku soo baxay, xitaa markii dambe xaafaddii oo idil ayaa halkii soo dhoobtay, taas oo jawigii u beddelay Yoon, Qablan iyo Bulaan.

Markaas baa ninkii ay la socotay inta u yeeray gaari taksi ah, oo u aruuriyey lacagtii uu Sawrac siiyey, ayaa gaarigii la saaray, iyada oo sii barooranaysa, oo ku heysay “Nabsi Baa i helay, aniga ayaa saas isku galay, Sawracoow i cafi walaal, luggooyadaadii ayaa sidan ii gashaye!”.

++

Qaasin, waxaa uu ku dhashay, kuna soo barbaaray Magaalada Baardheere. Waxaa uu ka mid ahaa dhallinyarada Ciyaal-beladka ah ee aan kolkaas waxba dhiganayn. Magaalada ayuu Waalidkiis kula noolaa, waxaa uuna goor dambe bilaabay Balwad (Jaad iyo Sigaar).

Muddo kaddib, waxaa uu bilaabay in uu saaxiib la noqdo Maleeshiyaadka qoryaha sita, markaas ba waalidkiis, waxa ay go’aan ku gaareen, in ay Qaasii Waddanka ka diraan, si, inta uu Malleeshiyaadka u raaco, uusan ugu dhiman meel xil-le.

Ciddii dal iyo dibed inta is-waceen, ayey Qaasin k kaxeeyeen Maagalada Baardheere sannadka 2001-dii, waxaana la geeyey magaalada Addis-Ababa ee Caasimadda Itoobiya, si halkaas ay uga dhoofiyaan laba wiil oo walaalihiis ahaa oo Maraykanka jooga.

Markii Qaasin la geeyey Addis-Ababa, ayuu waxaa u galay nolol ka qurux badan middii uu ku haystay Baardheere. Waxaa uu jiifsadaa Hoteel Liibaan, oo ku yaall Xaafadda Boolee, waxaa uuna helaa Qaad cusub oo biyuh ka da’ayaan iyo noloshii oo dhan oo ‘isa-saar’ ah.

Qaasin, intii uu bataashkaas ku jiray, ayaa waxa ay isku barteen isla Addis-Ababa gabar la yiraahdo Feyley, oo ahayd gabar caddaantii ka badatay oo geedkaas la’eg oo indho Baliil u eg lahayd, oo qurux oo dhan loo dhammeeyey, oo ka soo jeeddey Magaalada Xuddur, oo la noolayd hooyadeed, isla markaasina guri-joog ahayd Waxaa ay Feyley markaasi jirtay 19-sano, waxaa uuna Qaasin kolkaas ka weynaa 5-sano.

Feyley, waxa ay la noolayd hooyadeed Nuuney oo keligeed markaas ay kala joogtay, sababta oo ah, wiil iyo gabar kale oo la dhashay, ayaa waxa ay ku noolaayeen dalka Norway, waxa ayna halkaasi ku ahaayeen Dhoof- stigayaal. Waxa ay degganaayeen isla xaafadda Boolee, waxa ayna u dhawaayeen gurl uu degganaa wiil Qaasin saaxiibkiis ah, halkaas ayeyna isku barteen – Qaasin iyo leyley – dhawr jeer oo ay iska soo hor-bexeen kaddib.

Qaasin, weligi ma arag gabar la qurux ah Feyley, niarkii koowaad ee uu arkayna aad buu ula dhacay quruxda gabadhaas Alle manneystay. Waa dhammeys dhan walba ah; joogga, dub-caddida, timaha jilicsan ee dhirirka badan, xubnaha jalaqsan iyo wejiga quruxsan ee aysan Ishu ka libiqsan karin.

Qaasin, waxaa uu go’aansaday, in uu gabadhaas daba-dhigto, oo uu soo xero-geliyo. Waxaa uu bilaabay, in uu barto isla markaasina xiriir adag la sameeyo. Waxaa uu bilaabay, in uu mar kasta oo uu u imaanayo u keeno Catarro,

Baraafuunno iyo Hadiyado qaali ah, oo Feyley lafteedu aysan arag qof saaxiib ah, oo u keena alaabtaa oo kale. Waa uu yaqaanay af-guriga Maay e, isagaas ayuu ku shukaansadaa. Markaas baa qudheedii is-beddel ku dhashay ay ku aqbalayso Qaasin.

Sideedaba, Hadiyadda, Hibada iyo hadalka suubban ee wata erayo-guri la isla garanayo, waxa ay ka mid yihiin, wax yaalaha qofka maankiisa dafa, oo xitaa geliya waxa uusan qalbigiisu kolkaas diyaar u ahayn.

Qaasin, sidii uu Sheeko macaan iyo Hadiyado aan kala go’ lahayn uu gabadhii ugu waday, waxaa uu gabadhii ku abuuray jacayl xeel dheer oo aysan ka soo sawaaqsan karin. Haddii uu isagu wici jiray mar walba, iyadii baa bilawday in ayba Taleefoonka ka joojin weydo. Haddii uu isagu soo raadin jiray, iyadii baa jecel in ay mar walba soo raadiso, oo ay ugu timaaddo meel kasta oo uu markaa isugu sheego in uu joogo. Si kale kuma garatide, waxaa a’ noqotay Feyley qof la-madax-maray, oo ay kaga dhegtay o keliya Qaasin.

Qaasin, markii uu arkay in ay Feyley u soo xero gashay, waxaa uu bilaabay in uu mar waliba ku ballansad hoygiisa, marka ay u timaaddana uu la-baashaalo maaddaama jacaylka uu ku abuuray uu gaarsiiyey, aysan-ba isku diidi karin, is-kana celin karin. Sidii uu tumayey Feyley, mar walba oo ay u timaaddo, isaga o kaga faa’iideysanayey Jacaylka xad-dhaafka ah ee ay qaadday, ayaa markii dambe, waxaa Feyley ku soo baxa Uur.

Sideedaba, qofku qofka uu si dhab ah u jecel yaha dalabkiisa in uu diido waa ku adag tahay, waan sababtaas sida ay Feyley Uur ‘hor-gal’ ah ay ku qaadday.
Weligeed, haddeer baa kow u ah Uur ay qaaddo ma garan labadii bilood ee ugu horreysey, laakii hooyadeed Nuuney ayaa fahantay Bishii Saddexaad, marl ay aragtay calaamadaha gabadha. Hooyadeed, waxa ay k qaadday Kaadi. Waa soo baartay, waana xaqiiqsatay Uurki’

Inta ay Feyley la hadashay ayey weydiisey cidd Uureysey. Kama qarine, waxa ay dul-geysay Qaasi Hooyadii ayaa Qaasin weydiisey Uurka Feyley in u leeyahay, markaas buu inkir cad la soo istaagey iyo uusan aqoon Feyley. Islaantii Nuuney ahayd ayaa qeylisay, oo ku tiri “War ma gabadheyda ayaa be sheegeysa, waa adiga ninka gabadheyda Uureeyey? Markaas buu isaga oo Wejiga kaduudaya, si yasmo ah yiri “Maxaad caddayn arrintaas u haysataa?”. Nuuney, w ay sheegto inta aqoon weydey, ayey ka dhaqaaqday,

aaddey odayaashii qabiilka gabadha, una sheegtey arrinta dhacday.

Odayaashii ayaa wiilkii odayaashiisii u yeeray, hase yeeshee, markii Qaasin loo wacay, waa inkiray Uurkaas, markaas baa Kitaab loo keenay. Inta Kitaabkii gacanta midig saaray, ayuu xuf ka siiyey. Halkaas buuna uga haray I lurkii Feyley.
Feyley, waa qoomameysay, waxa ayna isku aragtay in ay fududaatay, isla markaasina ay jeclaatay qof aan xil-kas ahayn, oo faasiq ah, oo Qaadka laba-canleeya. Aad iyo aad ayey uga xumaatay ceebta iyo sharaf-darrada uu ninkaasi biday.

Waxaa tiiraanyada heysay sabab u ahaa uaminaaddii, isa-siintii, hankii iyo filashadii wacnayd ee waayadaas maankeeda ka buuxay. Yaa ka xanuun badan (jof aad shalay isa-siisay oo aad qalbigaaga oo dhan aad u banneysay, oo maanta bannaanka ku soo dhigay.

Feyley qoyskeedii oo dhan iyo saaxiibbadeed ayey ka longarantay, waxaana magaalada u galay sheeko iyo xan aad u xun. Uurkeedii maalinba maalinta ka dambeysa waa sii weynaanayey, mana heli jirin daryeelkii loo baahnaa, oo qoyskeedu waxa ay aaminsanaayeen in ay ihno aabbe- laawe ah siddo, kaasina aan la daryeeli karin.

Feyley, iyada oo murugadaas ku dhex jirta ayey marar badan soo xasuusataa, sidii uu u khalday Qaasin, habkii ay isku siisey iyo qaabkii uu ula dhaqmay, markaas baa waxaa ka soo harta habaar iyo inkaar ay lahayd “Alle, Qaasinow ku dullee, Alle Nabsiga aad iga gashay ha ku soo mariyo, oo ceebtaad igu dhigtay, kugu dhacday mid ka damn. Alle ha iiga kaa cad-gooyo, isaga ayaa qaaddir ehen.

Qaasin, mar haddii uu Feyley ka fara-macaystay, oo u ayaan la-raqlaynayey, markii uu Uurku ku soo baxay ayu inta iska daayey, oo weliba ku inkiray ayuu ka d doorsaday. Magaaladisii ayuu inta iska sii galay, s raadsaday cosob kale.

Isaga oo maalin dhex socda Xaafadda Hayaa Wala oo uu dool-Qayilaad u tagay, ayaa waxaa uu la-qabsada gabar jidka iska maraysay, oo uu quruxdeeda ka hela: Waa uu salaamay, waana ka qaadday. Magaceeda ayu weydiiyey, waxa ay ugu sheegtey Saxarla’, asna magaciis Qaasin ayuu u sheegay. Inta ay is wareysanayeen ayey sheegtay in ay deggan tahay isla xaafadda Haya Walad.

Waa nin naagaha si fiican u kala yaqaanna e, waxa i Saxarla* u noqotay mid aan ka dhicin Feyley, oo qun badani ay dul saarnayd, oo da’ ahaanna ula muuqatay 2 jir. Aad buu inta uga helay, ayuu cagta-cagta u saaray.

Hadiyado iyo sheeko-jacayl sidii uu ugu waalaye waa ay is aqbaleen, waxaana la wada naaxiyey jacayl wanaagsan loo abuuray. Sidii Feyley, ma yeeline, waxaa u jeclaaday in uu Saxarla’ guursado. Waa lagu heshiiye Meherkii, sidaas baana la isu guursaday.

Qaasin, guurka kama qarin walaalihiisii soo Masruu jiraye, waa u sheegey, waana ugu hambalyeeyeen, laca fiicanna waa u soo direen, uu ku arooso. Inta gu kireystay, oo aqal qurux badan dhigtay, ayuu Saxarla’ int duurkiisaas ka mehersaday, si wanaagsan u aroosay.

Qaasin, arooskaas ugama bixin wax aan ahay Aqalka iyo Dahabka Saxarla’. Sooryo iyo Yarad ma bixir sababta oo ah, cid soo raadsatana ma arag, Saxarla’-m maba keensan cid!

++

Saxarla’ ma aysan ahayn gabar, oo horay ayey rag badan u soo martay, laakiin isaga sidii gabar aan weligeed la guursan bey isaga dhigtay, inta hoos xabag iyo tolliin iu dud isugu dartay ayeyna Bikro isaga dhigtay. Da’deeda weligiis ma weydiin, laakiin qiyaastiisii waxa ay la ahayd 20-sano, waxaa ayse ahayd 29-sano jir, laakiin waxa ay ahayd gabar aad iskugu dadaasha, oo da’daasi kama inuuqan. Waxa ay wakhtigeedii intiisii badnayd ku soo iiaadatay Sai^ca iyo Nayroobi, waxa ayna joogtay Addis- Ababa, hal sano oo keliya, kolka ay is-baranayeen.

Maba oga Qaasin e, Saxarla’ waa naag Qabxad ah, Shuhubo ah, oo Faqsuusad ahoo kabcadii soo gubtay. Isaga waa u gabar wanaagsan, laakiin Uumiyaha kale waa u kawtaliyad. Xitaa sannadkaa ay joogtay Addis-Ababa, lumasho ayey nolosheeda ku maaraynaysay. Jaadka waa I aba canlaysaa, laakiin Sigaarka iyo Shiishadda ma cab to, oo waa sidaa qaabka aan looga dareemi karin balwadda.
Saxarla’, awal magaalada dhibaato baa ku haysay, oo Majlisba Majlis u dhiiba e, arooskaan waaba ka faa’iidday, oo guri, nolol iyo nasiino ayey ku heshay. Marka uu guriga ka baxo, iyana waa baxdaa, oo asxaabteeda ayey la soo Qayishaa, inta uu Qaasinna uu asxaabtiisii ku maqan yahay, oo uu la soo Jaadayo, waana baratay xilhga uu guriga yimaada e, waxa ay ka soo hormartaa nus-saac, inarkaasina u diyaarisaa casho.

Saxarla’ waa naag halis ehe, waxa ay ku dadaashaa in uusan hawlaheeda fahmin Qaasin, oo markiisii hore-ba ahaa ‘dhag-weyn’, aanan hareeraha eegin, waxna u sii dhabba-gehn, isla markaasina ahaa Muqayil aan reerkiisa u war-heyn.

++

Saxarla’, in ay cunug Aabbe leh dhasho aad bay baahnayd, oo waxaa horay u dilay ilmo-iska-soo-tuur hadda jid ayey u heshay, markaas bay bil gudaheedba U* ku qaadday. Waxa ayna dhashay gabar qurxoon, oo ay bixiyeen Shacni.
Ninkii Qaasin ahaa dhawr Khad oo dhoof ah ayaa gubtay, tillaabo kasta oo uu qaado iyo xeel kasta oo lo sameeyo, oo in uu ku dhoofo ah, waa ka xirantaa aakhir] kolkaas buu arkaa, dhammaan saaxiibbadiis oo maalin mid uu dhoofayo, oo ayba wada bexeen tutigood. W garan waayaa meesha laga heysto, markaas bay dan keentey, in uu iska sii fadhiyo Addis-Ababa muddo dhee Dhawr sano oo kale ayuu iska sii joogay, oo uu reerkiisii dhaqanayey.

Gabadhii Shacni ahayd, maalin ba maalinta sii xigt waa sii koraysay. Markii ay gaartay 9-sano, ayey gabadhii soo baxday dhaqamo cusub. Mar allaale oo ay furs hesho waa dhuumataa, markaas bay raadsataa wiil aynigeeda ah oo ay korka iska fuuliso! Habeen iyo ma< kasta, waxa ay gabadhii noqotay in la raadiyo, oo laga soo qabto Musas iyo Bawdadka reero guryahood.

Shacni ciyaalka la’egna, waa is dubsaartaa, kuwa waaweynna oo qaan-gaar ahna, waa farsamaystaan, oo ‘ saar’ ayey kaga nafisaan. Kuwaas iyo kuwa kale oo ka w weynna, si yaalo kalana waa uga faa’iideystaan, oo si Cod-baahiye ayey gacankooda hoose ugu heestaa.

Markii dambe, sidii la isugu sii sheeg-sheegay iyada oo yar bayba hoosta ka furantay, oo ragga qaar1 “soo wada” tiraahdaa.

Arrintii gabadha, Qaasin waa la yaabay, oo ceebti ayaa meel walba taalla. Habeen walba gabadhii sidii dilayey ayaa korkeedii dil-dillaacay, waxna isma beddela

++

Habeenkii dambe, ayaa ninkii Qaasin ahaa, isaga oo goobaya Shacni, sidii hadba uu guri Islaameed uga raadinayey, ugu yimid guri ay deggan yihiin dhallinyaro xeyn ah. Markaas buu waxa uu arkay gabadhii oo laba wiil, midna berida haysto, midna naasaha ku dheggan yahay. Inta xanaaqey, oo dhiiggiisii karay, ayuu feer waxaa uu ku bilaabay labadii wiil.

Hurdankii iyo guryankii dagaalka ayaa waxaa isugu soo baxay deriska iyo dad aagga ka dhawaa. Waa la kala qabtay, waxaana la weydiiyey Qaasin, sababta oo guriga ku yimid iyo waxa ku kalhfay dagaalka. Waxa uu u sheegey, in uu ugu yimid dhallinyaradaan, iyaga oo gabadhiisa saqiirta ah fara-faraynaya.

Iyagii markii la weydiiyey-na – inkasta oo ay dooddiisa inkireen – waxa ay sheegeen, in gabadhiisa ay naftii u keentay, oo gurigooda looga maara la’yahay. “Marka annaga yuusan na daan-daansane, gabadhiisa na wareerisey iyo xaaskiisa gurigayaga Garaamada la soo aadda, ha naga ceshado”, ayey sii raaciyeen hadalkooda iyaga oo xanaaqsan.

Markii ay sidaas is-dheheen, ayaa Qaasin inta hadalkaas ka xumaaday, misena buuqii sii batay. Waa la isku fara-baxsaday, markaas baa la kala joojiyey. Ninkii Qaasin ahaa ayaa inta dadkii meesha yimid qabteen, baa isaga iyo gabadhiisiiba gurigii laga bixiyey.

Ninkii Qaasin ahaa, isaga oo xanaaqsan ayuu hoygiisii tagay. Arrinta magac-xumada ah ee uu gabadhiisii ku soo arkay ayuu aad uga calool-xumaaday. Gabadha intaan la’eg, waxa sidaas u falay ayuu is-weydiiyey. Isaga oo arrintaas iska-niyad-wareysanaya, ayaa waxaa ku soo dhacay, hadalkii dhallinyarada ee ahaa “Gabadhiisa na

++

wareerisey iyo xaaskiisa guriyaga Garaamada la soo aadd ha naga ceshado”.
Cabbaar haddii uu hadalkaas maankiisa k~ wareegayey, wax badan oo uusan horay ugu dhug laha] ayuu hadalkaasi soo xasuusisey. Waa nin dareen lehe, wj badan oo uusan sii raac-raaci jirin, ayuu in muddo ah kag shakisanaa xaaskiisa. Socodkeeda, Daahiddeeda, Afkeeda Hurda-weynankeeda iyo u-hamuun-qab la’aant Galmadiisa, marar badan oo hore ayey is-weydiin geliyeen laakiin uu sahlan jiray. Waa nin hawl adduunyo hadd qoorta u suran tehee, habeenkaas ma seexan, sidii uu gal-galnayey, oo feker ugu jiray.

Sidii uu habeenkii oo dhan u fekerayey, ayuu waxa uu go’aan ku gaaray, in uu daba-gal weyn ku sameey Saxarla’. Si uu aad ugu dhabba-galo, waxaa uu talo k gaaray, in uu Qaadka joojiyo, si ay ugu suuro-gasho in u wakhti u helo xuuraanka falalka Saxarla’.

Sidii uu ugu daba-jiray Saxarla’, muddo 5 bilood kaddib, waxaa uu soo ogaaday in ay Saxarla’ taha khasiisad, waxaa uuna soo wada helay meelaha ay fariisat iyo saaxiibbada ay la tumato,

Waxaa kale oo uu soo ogaaday, in ayba lafteed aysan Aabbe lahayn, oo qabiilka hooyadeed ay sheegato oo hooyadeed ay ka dhaxashay suuq-wareeggaan, oo a> Sanca ilaa Nayroobi Kabaha kaga soo dhammaadeen Markaas buu waxa uu halkaas ka ogaaday in ay Shacn Abtirsatay.

Gabadhii Hooyadeed Haruurka tuntaa, lyanc Haadinta waa baran. Ratiga dambe midka hore saan qaadkiisa ayuu leeyahay!

++

Waxaaba arrintaas oo dhan uga damaa, markii ay u caddaatay, in uusanba dhalin gabadha iyada oo 9-jir ah magaalada gashay. Kolkii uu ogaadey in Saxala’ ay suuq- mcerto tahay ayuu ka shakiyey in uu dhalay Shacni, markaas buu inta dhiigga Shacni iyo kiisa isku baaray, is- veelan waayeen!

Waxaa uga darnaa in Biilka reerka farihiisa uu la- yaabbanaa, ay rag kale ku xisaabtami jireen, oo Majaalis kale Qaad uga shidnaa! Ninkii talo ayaa ku caddaatay, muddo yar gudaheedna timihiisii ayaa cirro isku beddelay loker awgi.
Sidii uu u fekerayey, ayuu talo ku gaaray, in uu Saxarla’ iyo gabadheedaba iska fogeeyo. Goor fiid ah ayuu gurigii inta tagay, ayuu Saxarla’ iyo Shacni, sidii uu u dilayey inta bakhtigoodii ka tillaabsaday, buu gurigii ka cayriyey labadoodiiba, oo inta hoos ka xirtay “is-tuur” is yidhi.

Ninkii Qaasin ahaa Feker, walaahow, hurdo la’aan iyo (jaraw ayuu ka bixi waayey. Waxaa uu garan waayey halka laga raacay, oo xitaa uu la-yaabbanaa sababta uu tillaabo kasta oo dhoof ah, oo uu qaado ay uga gubanaysay.
Sidii uu talo-rogrogayey ayuu soo xasuustay, dhibaatadii uu Feyley u geystay iyo sidii uu gabadhii Masaakiinta ahayd u Xumeeyey. Talo oo dhan waxa ay uga idlaatay, in gabadhaas laga haysto, markaas buu waxa uu go’aan ku gaaray, in uu raadiyo Feyley, laakiin nasiib- xumo, waa ka dhooftay Addis-Ababa, waxa ayna tagtay dalka Norway.

Markii dambe inta khafiifay, ayaa waxaa ka soo hartay “War Feyley Nabsigeedii baa i haya e, War ha la ila kulansiiyo, war haddii ay dheeraatay cafis ha la ii soo weydiiyo!”

NABSIGII AY MARYAN MUTAYSATAY

Maryan, waxa ay ku dhalatay Magaalada Gaalkacyo, halkaas ayeyna ku soo bar-baartay. Waxaa ay kaligeed la-noolayd hooyadeed Xamdi iyo aabbeheed Sheekh Aadan, oo ay u ahayd guri-dambeys. Waxaa la-dhashay wiil reerka cur ad u ahaa, oo la yiraahdo Suudi, oo markaas Maraykanka ku noolaa iyo gabar kale oo Xamar lagu qabay, oo loogu yeero Nuurto.

Maryan, waxaa ay ahayd Ardayad markaas dhammeystay Dugsiga Sare ee Cumar Samatar, sannadkii 2010-ka, waxa ayna kolkaas jirtay 20-sano. Markii ay Iskoolkaa Sare af-meertay, ayaa waxa ay jeclaatay in ay wax-barashadeeda sii wadato. Waxa ay ku fekertay, in ay waddanka dibeddiisa wax ku barato. Waa ay ku dadaashay, laakiin waa u suuroobi weydey. Markii dambe ayey go’aansatay, in ay waddankeeda imaansato, oo ay wax ku barato – saa dan baa keentaye.
Waxa ay qiimeysay Jaamacadaha waddanka, markaa baa waxaa ay ula ekaatay, in Jaamacadaha dalka ay u* fiican yihiin, kuwa Muqdisho ku yaalla. Nasiib-wanaag waxaa Muqdisho ku noolaa walaasheed, oo ka weynayd 5 sano, looguna yeero Nuurto.

Nuurto, waxa ay ku noolayd Xaafadda Xamar-Jajab gaar ahaan meel u dhaw Buundooyinka. Waxa ay ahay Afo u dhaxday wiil dhallinyaro ahaa oo la yiraahdo Khaliif Nuurto, guri-joog ayey ahayd, waxa ayna u haysay Khalii laba gabdhood.

Khaliif isagu waa shaqeeyaa, waxa uuna leeyaha- Macdaar weyn oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha, oo Saacadah iyo Ookiyaale-yaasha lagu gado. Shaqadiisa Bas uma raac e, waxaa uu lahaa gaari cad, oo kuwa raaxada ah, ee lo

++

yaqaan Premio. Waxaa uu ahaa nin ladan, qoyskiisuna waxaa uu ahaa qoys iska yar, kuna noolaa nimco iyo libaan.

Maryan, maaddaama ay Jaamacadaha Muqdisho jeclaatay, in ay mid ka dhigato, waxaa ku soo dhacay walaasheed in ay wacdo, oo u sheegto in ay daneyneyso in ay Muqdisho Jaamacad ka dhigato, iyana la noolaato. Waa ay wacday, waana la wadaagtay taladeedii, Nuura-na si wanaagsan ayey arrintaasi ula muuqatay.
Labadoodiiba go’aan waxa ay ku gaareen, in ay Maryan Muqdisho timaaddo, oo ay wax-barashadeedii halkaas ay ka sii wadato. Kolkaasey labaduba, Waalidkood inta la wada hadleen, bay ka dhaadhiciyeen, in ay Maryan \amar timaaddo, Jaamacadaha Xamar-na ay mid ka dhigato, ayna la noolaanayso walaasheed Nuurto. Reerkiina waa yeelay iyaga oo Nuurto aad ugu duceeyey wanaagga ay walaasheed la-jeclayd awgi. Sidaas ayeyna Maryan Xamar ku timid, kana bilawday Kuhyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir.

Nuurto, si fiican oo walaaltinimo ah ayey ku soo dhaweysay walaasheed Maryan, waxa ayna dejisey Qol gaar ah, oo ay wax ku barato, iyada oo u fududeysay lasiilaadkeeda wax-barasho. Nuurto, ninkeeda ayey ka codsatay in uu walaasheed Jaamacadda ka bixiyo, siiyana agabka wax-barsaho, isna waa ka guddoomay. Sidaas bay Maryan si qurux badan Jaamacaddii ugu bilawday oo ay si wanaagsan ugu dhiganeysay.

Nuurto, iyadu wax-barasho, Dugsi Dhexe ayaa ugu dambeysey, fursad kale uma helin wax-dhigasho. Markaas bay, go’aansadatay, in ay walaasheed maanta fursadda ay heysato uga faa’iideyso, si aysan ugu dhicin wax-barasho

++

la’aantii Nuurto soo martay. Nuurto, xitaa walaasheed um oggola in ay shaqada guriga wax ka qabato, kamana yeesh in ay qabato waxa aan ahayn Qalin iyo Buug. S walaaltinimo ka sarreysa ayey ula dhaqantaa, waxaana lo moodi jiray in ayba Hooyo u tahay.

Laakiin Maryan, asxaanka iyo wanaagga a~ walaasheed u fidisay ma aysan arage, markii ay laba san la-noolayd, ayaa waxaa damaaci ka galay Khaliif – nink Nuurto – waxa ayna bilawday in ay Khaliif qalbigiisa so jiidato.

Maryan, dhan walbaba waa uga qurux badnay Nuurto, haddii ay isa soo garab-istaagaanna, Ishu kam libiqsaneyso Maryan, Nuurana lama eegayo. Maryan Waa a ka dheereyd, ka dhuubneyd, kana caddayd isla markaasin ka weji iyo jir bilicsanayd Nuurto. Marka aad labadood aad ugu sii fiirsatid, waxa aad is-leedahay Nuurto wa ‘cawra-tirka’ qoyskoooda.

Maryan, iyada oo quruxdeeda adeegsanaysa, aya waxa ay bilawday in ay soo dabato Khaliif.

Cajiib, Aadanaha badankiis Abaal ma gayo, oo wa aad arkeysaa qof, qof kale wanaajintiisa ku hawllan, is~ uu xumihiisa ka shaqeynayo. Waa tan ay Soomaalidu w bore garatay, oo ay ka tin ‘Waxaa jir a qof aad Kabtii toleysid isna Kafantaada tolaya’.

Maryan, isma aysan weydiin, falka ay ku jirto wa uu u keeni karo iyo waxa uu Qalbiga walaasheed u dhi karo. Ma aragto ballan-furka ay ku samaynayso gabad walaasheed ah oo Gaalkacyo ka soo wadday, oo dhabar. u ridatay nolosheeda iyo wax-barashadeeda, oo ka feke. mar walba, oo xitaa shaqada guriga in ay wax ka qaba aanan oggolayn, oo qalbigeeda aad u ilaalisa. Ma oga waxa ay isu haysataa in ay qumman tahay!

Maryan, waagii hore, waxa ay ku bilawday in, inta sida ugu quruxda badan ay u labbisato, ay Khaliif ku tiraahdo “Abboowe, waan daahaye, Jaamacadda igu sii tuur”, markaas buu gaarigiisa inta ku qaado, geeyaa Jaamacadda. Inta ay sii socdaan, baa shirka hore ayaa la isla fadhiyaaye, sheeko sii cammirtaan, ay garwadeen ka tahay Maryan. Isna sheekadeeda inta ka helo, ayuu gaariga tartiib u wadaa, markaas buu, isaga oo sheekada Maryan u xiiso qaba, la gaaraa Jaamacaddii.

Dhawr jeer oo kale ayuu sidaas Jaamacadda ku geeyey, markaas baa qudhiisii, inta qalbigiisii janjeersaday, damac ka galay gabadha carrabka u laalaadinaysa.
Khaliif ayaa mar dambe, laftiisii waxa auu bilaabay – iyada oo aan ka codsan – in uuba gabadha Jaamacadda gee- geeyo, kana keeno, taas oo labadoodii gaarsiisay, in uu jacaylkii ku sii wada siqo, laakiin aysan weli isku sheegin.

Maryan waa ka xishootaa in ay Jacaylka u soo bandhigto, isna waa ka qajilaa. Markii dambe, daqiiqad inta la is moogaan waayey ayaa Taleefoon sheekadii isu beddeshay, ka gadaalna, waxaaba la gaaray in meelo kale lagu soo wada sheekeysto.

Aakhirkii Jacaylkii waa la isku soo bandhigay, waana la isla fahamay, laakiin misena sidii ay u maarayn lahaayeen, oo Nuurto looga qarin lahaa ayaa dhib noqotay, laakiin iyana – kol dambe – xal baa laga gaaray, oo waxaa lagu ballamay, in Nuurto laga indha-qarsado oo meelo kale la isla aado, marka guriga la joogana aan la is aqoon.

Khaliif, sidii ay isku barteen, oo isku dhex-galeen isaga iyo Maryan, waxaa ku soo yaraanayey Jacaylka Nuurto. Mar-ba marka ka sii dambeysa, waXaa u

++

muuqanaysay quruxda Maryan, taas oo qalbigiisa ka s’ saareysay Nuurto, oo uu u arkayey gabar laga qurxoo yahay, laga reer-magaalsan yahay, laga sheeko iy macaamil wacan yahay, isla markaasina laga fir-fircoo yahay. Waxaa ay la noqonaysay Nuurto, gabar dhanna a« ku gaari karin Maryan, markaas buu marar badan is weydiiyaa, sidii uu uga takhalusi lahaa Nuurto, Maryan o u heellanna uu u guursan lahaa!

Nuurto, iyada ma oga arrinta socota, oo waxa ay aragtaa, in ninkeedu walaasheed kaalmaynayo, oo sidaa uu Jaamacadda ugu geynayo, waxa ayba arrintaasi ku s kordhisay Nuurto, jacayl wanaagsan oo ay u sii qaadda Khaliif, maaddaama uu walaasheed ka fekerayo wax barashadeeda, oo uu ku dadaalayo, oo uu siiyo wax walb oo ay u baahan tahay, isla mar ahaantaasina gaarigiisa u- Jaamacadda ku geynayo, kagana soo cehnayo. Qalbigeed hal mar kuma soo dhicin, in walaasheed iyo Khaliif Jacay wada dhisayaan, oo Jaamacadda la geeynayaba ay w dheer yihiin!

Waa Aadane Nuurto, oo mar mar waa ay is-weydiisa kash-kashleynta Maryan iyo u adeegidda Khaliif mark guriga la joogo iyo u xoog-furnaantaba iyo weliba deeqd iyo wanaajinta xad-dhaafka ah ee Khahif u sameey Maryan. Laakiin misena inta was-waaska iska saart Nuurto, ayey is tusisaa, in arrintaani tahay wanaag isug jira abaal iyo abaal-marin.

Khaliif iyo Maryan aad bay isku jeclaadeen, waxaan la isla gaaray sidii looga fekeri lahaa, qaabkii la isk* guursan lahaa iyo sida ugu wanaagsan ee Nuurto boosk looga saari lahaa.

++

Muddo dheer ayaa arrintii laga baaraan-degayey, waxaana ugu dambeyntli talo lagu gaaray, in la-is-mehersado, isla jeerkaasina la-is-arooso, oo aanan Nuurto waxba loo sheegin, iyada is-keed ha uga war-heshee. Sidii baa la yeelay, oo inta wadaad iyo laba markhaati loo yeertay, ayaa la-is-nikaaxsaday.

Markii la-is-mehersaday, ayaa waxaa lagu heshiiyey, in laba bil kaddib ay ka dhigtaan arooska iyo aqal-galka, intaasina la iska sii joogo guriga Nuurto, markii la isku baahdana Hoteel la isla aado, halkaasina lagu soo wada raaxaysto. Sidaa baana la yeelay.

Khaliif, waa og yahay, in haddii uu Maryan mehersaday, aysan u bannaanayn Nuurto e, waxa uu bilaabay in uu ka xeeladeysto guriga iyo u galmoodka Nuurto, waxaa uuna marka uu guriga yimaado isku ridaa rudur aan la aqoon, isaga oo qolka fadhiga bilaabay in uu iska jiifsado. Nuurto, ninkeeda dhibba oma arage, waxa ay bilawday, in ay seygeeda xaaladdiisa caafimaad la- lacaasho, waxaa ayna isku taxalujisaa, in waxa uu u baahdo ay u diyaariso, iyada oo cuntooyinka dhanka eaafimaadka u wanaagsan, si hufan ugu karisa!

Markii labadii bilood dhammaatay, ayaa sidii lagu lieshiiyey, Khaliif guri qurux badan u diyaariyey Maryan, isla markaasina aroos heer sare ah u dhigay, waxaana lagu aqal-galay guri ku yaalla dhabarka dambe ee Soobe.

Warku sida dabeysha ayuu u socdaa, cid aadan u dirsanna waa soo warisaaye, markii uu arooska dhacayey- ba, Nuurto waa ka war-heshay, qaraabada iyo saaxiibbo kale ayaana isla markiiba soo gaarsiiyey Nuurto arooska Khaliif.

Markii hore, waxa ay u fahantay, in uu Khaliif naag kal aroosay, oo Maseyr keliya ayey isla markiiba qaadday laakiin saacado kaddib markii ay maqashay, in u walaasheed aroosayo ayey qarracantay. Markii ay Nuurto fiican u xaqiiqsatay arrintaas, ayaa xiskii ka tagay, oo caa inta isugu darmatay, ‘Waaaw’ tiri!
Maxaa ay u waalan weydey, soo walaasheedii k yareyd, oo ay Mustaqbalkeeda u dhimanaysay ma aha waxa reerkeedii dumisay, oo misena ninkeedii kal wareegtay. Weligeed kuma fekerin in walaasheed ay saas hunguriyeyn karto ninkeeda! Filan-wagaas, naxdintaas iy dhabannaheystaas ayaa Nuurto Madax-maray.

Maryan, iyadu walaasheed iyo waallideeda dan kam gelin, mar haddii ay heshay Khaliif oo ay jeclayd. Hora ayey arooskeedii iyo guurkeedii u sii vvadata; Jaamacaddeedii oo ay uga dhimmaneyd laba sanana, wa iska joojisay, oo ninkeeda u adeeggiisa iyo raalli-gelintiis ayey ka door-bidday.

Sidii ay guriga walaasheed uga soo tagtay, di” dambe, walaasheed uguma laaban, oo xitaa taleefoon um dirin! Ma iyadaaba buug iyo qeylo u baahan, dhakhle iy baayakhleyn ayey ku jirtaaye!

Waalidkii Maryan ayaa arrinta dhacday ka war-hela; markaas ayey aad uga xumaadeen dhaqanka xun ugubka ah ee ay ku dhaqaaqday Maryan iyo sida ansh< darrada ah ee walaasheedii wax-bareysay u daba-marta: Waxaa kale oo ay ka naxeen, xanuunka Waalhda ah ee k dhacay Nuurto oo ay Maryan sababtay, naxdinta darteedna, waalidkeed ‘dhow’ baa Maryan kaga dhacday.

Hooyadood Xamdi ayaa inta timid Xamar, bay Nuurto kaxaysay, oo geysay Gaalkacyo, si halkaas loogu xannaaneeyo, maaddaama mar hore labadii Gabdhood uu Khaliif ka watay, oo uu hooyadi u gey stay, kolkii uu ogaaday in ay Nuurto isku darmatay.

Markii Nuurto la geeyey Gaalkacyo, ayaa aad loola lacaalay, iyada oo Aabbeheed Sheekh Aadanna Qur’aan la c 1 ul-fariistay, Dr Maxamed Jaamacna aad u dhakhtariyey. Uabadhii, dhaawicii maanka ka gaaray waa ka soo kabatay, isla markaana, waxaa inta u dacwooday dhoofiyey walaalkeed Suudi, oo geeyey Maraykanka, iyada oo waaridkeedna aad ugu duceeyey, markii ay baxaysay.
Nuurto dhibkii Alle waa oga booga-dhayey, waa dhooftay, nin wanaagsanna Maraykanka bay ku guursatay, lialkaas baana Eebbe ugu barwaaqeeyey.

Isla maalmihii arooskaba, Maryan Uur bay qaadday, waxa ayna Uurkaas ku dhashay gabar madax yar, oo aan bar caqli ah lagu arag! Arrintaasi Mucjiso iyo dhakafaar ayey ku noqotay Khaliif iyo Maryan-ba. Gabadhoodii ayey iska korsadeen, markii ay laba sano gaartayna, Maryan Uur kale ayey qaadday, kolkaas bay ku dhashay wiil leh laba gacmood iyo laba lugood oo yar-yar, oo aanan suxul iyo law lahayn, oo u eg sidii faranfarkii!

Ninkii Khaliif ahaa arrintaas labaadna irkig iyo yaab ayey ku noqotay, waxaa uuna gartay in ay wax kale jiraan, markaas buu go’aan deg-deg ah waxa uu ku gaaray, in uu furo Maryan, oo uu ka cararo. Inta warqaddeedii furriinka siiyey, meherkeediina u raaciyey, ayuu ka tagay!

Maryan, iyada oo la yaabbaneyd ummuurta ku dhacday ayaa furriinkii waxa uu ku noqday lama filaan lyo nax( aan caadi ahayn. Waxaa isugu darmaday dhawr arrimood Iyada oo uu furay Khaliif, iyada oo haysata laba carruur oo mid mid dhaamaa uusan jirin, oo wada sibaaban, iyad oo aan walaal iyo waalid u fiyaw uusan jirin, oo waa hor la-deyriyey!

Gurigii bay ku cidlaysatay, markaasay weydey qof 1 hadla iyo cid ay maciin-biddo! Xitaa noloshii baa adkaatay, oo Khaliif oo ay damacday in ay la xiriirt taleefoonkiisii waa ka beddeshay!

Markaas bay inta niyad-jabtay, waxa ay so xasuusatay tacaddigii iyo gacan-dhaafkii ay walaasheed geysatay iyo sidii ay u wanaajisay iyo qaabkii ay ugu aba< gudday, waxa ayna Maryan garatay in uu Nabsi hay~‘ waxaana ka soo haray erayadan “Alla, Nabsigii a walaashay ka galay ayaa i haya! Alla maxaan sameeya waa la h haraye”.

Markii ay weydey cid uga maciinta dhibka haye ayey kolkii dambe, inta aqalkeedii hbsatay, u guurtay xer ka mid ah xeryaha qaxootiga dadka ku soo barakacay e Magaalada Xamar, halkaas oo ay inta ‘Isqambuul’ k dhisatay ay carruurteedii geysatay.

Waxaa kale oo ay bilawday, si ay carruurteed noloshooda u kaabto, in ay habeenkii inta soo baxdo, oo a indha-shareer soo xirato – si aan loo garan – ay magaalad ka dawarsato!

NABSIGII RAAXO IILKA DHIGAY

Raaxo, Dugsiga sare ee Sheekh Cali Jawhar ayey ku jirtay, markii ay iyada iyo Geelle aad isku fahmeen. Iyana Fasalka Koowaad ee Dugsiga Sare ayey dhiganeysay, isna Fasalka saddexaad ayuu ahaa.

Labadoodu Dugsigaas iskuma baran, ee waxa ayba ahaayeen isku xaafad, waxa ayna aag aan kala fogeyn ka degganaayeen Nawaaxiga Garaashka Seemaanka ee xaafadda Sheekh Cali Jawhar.

Maaddaama ay ahaayeen isku xaafad, waa is garanayeen ilaa yaraantoodii. Markii se la waa-weynaadey, oo Dugsi sare la wada gaaray, ayuu Geelle aad uga helay Raaxo, oo markii ay qaan-gaartayba la soo baxday qurux uu ka yaabay.
In kasta oo ay gaabneyd, laakiin waxaa soo jiitay, qaab-dhismeedka jirkeeda, fool-qurxanaanteeda, inidabkeeda maarriin-dhalaalka ahaa, dabeecaddeeda, miyirka iyo miisaan-socodkeeda.

Waxa ay ula ekeyd Subag iyo nicmatul-fashuuq isku dhuuq ah. Kolkaas baa wiilkii Geelle ahaa inta aad uga helay, ayuu isku dayey in uu xod-xoto.

Xilligaas ay dhiganayso Raaxo Dugsiga sare, waxaa ay jirtay 17-sano. Waxa ay  ahayd gabar markii horena qurux u dhalatay, misena aad isaga shaqeysa, aad u sii bisha quruxdeeda, oo ku dhaashata Kareemada Labeenta udugga ah leh ee jirka dhalaaliya, isla markaasina xirata dharka Nuuca ku soo baxaya, oo midabkeeda iyo muuqaalkeeda soo saaraya.

Inta is-cajabiso ayaad dareemeysaa marka ay socoto, in ay xarragadeeda mid ka siyaada ah ku sii dareyso.

Waa iska caadi, marka gabdhuhu hana-qaadaan, o misena ay heli karaan Labbiska iyo Cusburka ay u baaha yihiin, in ay wax kale isku maleeyaan, oo marka ay jidk qaadayaan hadba gees isku dhugtaan, kolka ay ragga a marayaanna, aad isku walaqaan, oo marka ay ku so socdaanna qaarka bore iyo xabadka ruxaan, marka ay s socdaanna qaarka dambe iyo barida ruxaan, taas o bixineysa farriin ah ‘isoo eegooy, cidna igama lehoo anaa sitee’.

Geelle, qudhiisu waxa uu ahaa wiil dhallinyaro ah, o dheer isla markaasina ahaa qurxaan soo jiidasho lahaa o ay gabar kasta, marka uu ag-marayo isha ku xaddo. Wax uu ku jiray markaas da’diisii 19-aad. Xilligaas oo k beegnayd 2007-dii, waxaa uu marayey fasalka uj dambeeyey Dugsiga sare. Waxaa uu ahaa wiil fariid ah, o wax-barasho jecel, kamana heli jinn dhallinyaro-raac-raac ciyaaarta wakhti-dhumiska ah iyo caweyska dhallinyarad ee habeenkii. Waxaa uu u dhaxeyn jiray Dugsiga, Gurig iyo Masjidka. Kuma uusan fiicnayn dumar-raadinta iyo 1 haasawidooda.

Laakiin, mar dambe, oo uu gabdho-fiir-fiiris bilaaba ayey kaga dhegtay Raaxo. Horey salaanta iyo xaafad-isk wareysiga waa ogala dhexeeyay e, waa dambe ayuu aa isugu mashquuliyey in uu wakhti siiyo, oo uu kula she sheekeysto, inta fasalka la joogo, isaga oo sidaa oo kal bilaabay, in uu xaafaddeedana ugu tag-tago, taas oo gada dambe ku ridday jacayl xargo goostay oo ay la ogay Raaxo.
Qoyska Raaxo, aad ayey u yaqaaneen Geelle, m kasta oo uu guriga yimaadana waa soo dhaweyn jiree runtiina waa la jeclaayeen gabadhooda. Geelle, qudhiis waa uu qaddarin jiray Reerka Raaxo, waana jecla

++

maaddaama guriga aad loogu soo dhaweyn jiray, waana midda keentay, in uu Raaxo aad u sii jeclaado, maaddaama ay ka soo jeeddo qoys wanaagsan, oo dareenkiisa soo jiitay.

Geelle, waxaa uu inta badan kula haasaawaa Raaxo gurigooda, oo aad loogu soo dhaweeyo. Waxaa kale oo uu mar-mar kula hadlaa inta ay Dugsiga isla joogaan, gaar ahaan xilliyada ay wakhti isla helaan. Ma jecla, kamana helo, in uukula sheekeysto meelo gaar ah iyo luuqyo mugdi ah, sababta oo ah, waxaa uu aaminsanaa in aysan laasi isaga iyo Raaxaba munaasib ku ahayn.

Waa wiil ka soo jeedey reero Diinta iyo dhaqanka Soomaalida uu ku weynaa, marka * dhaxalkaas ayuu ku dhegganaa, oo wuuba la yaabaa, haddii uu arko wiil iyo gabadh meel cidla ah isla taagan, ama luuq iskula jira, ama guryo gaar ah isku ballansada. Laakiin Raaxo iyadu dhib mna aragto, xitaa haddii lagula kulmo meel kale iyo xaafado gaar ahba, oo saaxiibbadeeda kale, meesha ay ku ballansadaan ayey ugu tagtaa.

Haddii ay saas tahay, Armay-ba ka heshaa, in meelo gaar ah, oo aan waaridkeed arkayn, in ay dhallinyarada kula haasawdo?. Bilaa ay jamataa Shumiska, Tuu-tuujinta, Salaam, Xoodiska iyo Fara-fareynta?

Raaxo, halka uu ka marayo Jacaylka Geelle, kama gaarsiisana iyadu. Waa iskala sheekaysataa, waxa ayna lustaa in ay jeceshahay, oo aad bay ugu sii abuurtaa jacayl aan iyada ku jirin, waxa ayna u sheegtaa in ay mutaqbal ka danaynayso, axdiyana waa la-gashaa, kolkaas buu inta isa sii siiyo, sii gashaa mar waliba filasho badan iyo oddoraso dhab ah.

Raxmo jacaylkaasi waa ka afka e, waxaa ay leedahay oo heshaa saaxiibbo kale oo uusan miskiinku ka war-qab’ Xitaa qoyskeedu lama socon saaxiibbadeeda kale, oo Gee1 keliya ayey ku og yihiin. Saaxiibbadeed, kuwo Mag weynta Boorama ayey ka shukaansataa, kuwana dibed ayey kala haasawdaa. Kuwa ay Boorama kula sheekeysat waxa aan loo ogayn, meelo gaar ah iyo guryo gaar ah oo ugu tagto, ayey kula soo haasawdaa.

Geelle, markii uu idleeyey Dugsigii sare, a Jaamacad ma aadine, waxaa uu iska sugay, inta dhammeynayso Raaxo Dugsigaas, oo awal hore ayey sida Axdi ku galeen. Markii ay Raaxo soo af-meertay Dugsi sare, oo uu Geelle doonayey in uu doono, oo uu reerkii ku war-geliyo jeceylka gaammuray ee isaga iyo Raaxo dhexeeyey iyo in la gaaray xilligii loo dooni lahaa, ayuu war-helay in Raaxo la soo doonay.

Arrintii markii uu maqlay, waa u qaadan waaye kolkaas buu isma uusan shiddayne, waxaa uu u tag Raaxo oo uu weydiiyey sheekadaas, waxa ayna u sheegte in wiil ay qaraabo yihiin, uu Austraha ka soo doonay. W uu weydiiyey, jacaylkii muddada dheer kala dhexeeyey uu wax-barashadiisii sare ku seegey iyo sida ay damacsan tahay, waxa ayna ugu war-celisay, in waaridke arrintaas ay u soo jeediyeen.

Inta hadalkaas ka naxay, oo illin uusan ku tala-j ku soo joogsatay, ayuu Raaxo codsi u jeediyey, waxaa u ku yiri “Raaxooy, Walaaley, muddo dheer ayaan ku jecla adiga ayaan ku sugayey in aad dhammeyso Iskoolka, gab oo dhanna dartaa baan uga go’ay, waadna og taha Walaaley, waan ku baryayaaye, sidaan ha iiga tegin. Wa og tahay qoyskayagu waa ladan yahay, waxa aad rabt aniga ayaa kuu qabanayee, xitaa cidda na dhoofiya ani

++

uyaa ka dhaadhicinayee, haddii aad dibed rabtid, ee walaaley jacaylka yagii qaddari, oo sidaas ha uga tegin”. “Walaalle, waa sax e, laakiin waalidkay ma dhaafi karo”, ayey misena ugu jawaabtay.

Geelle, markii uu arkay in aysan Raaxo diir-naxayn, ayuu isku sii daayey Raaxo hooyadeed oo uu yaqaanay. Maaddaama ay tiri “Waalidkay ayaa ila jeclaaday”, ayuu damcay, in uu waalidkeed dhankooda ka maro, oo hooyadeed oo uu yaqaanay oo ay isku fiicnaayeen, arrintaas doonay in uu kala hadlo.

Hooyadeed Naado ayuu u tagay, oo ay markaas la fudhidey walaasheed ka weyn ee Jamiilo. Waxaa uu weydiiyey warka in la soo doonay Raaxo, markaas bay u sheegeen, in ay iyadu u keentay wiil Australia jira, oo ay (jaraabo yihiin, iyaduna naga codsatay in wiilkaas lagu daro, oo ay muddo sheekeysanayeen. “Hooyo, ma isaga ayaa idin ka soo dhacay, mise iyada ayaa idiin keentay?”, ayuu isaga oo is-celinaya yiri. “Annagu xiriir maannaan lahayne, iyada iyo isaga ayaa wada sheekeysan jiray, markii ay is fahmeenna, iyada ayaa nagu soo xirtay”, ayey ugu jawaabtay Naado. Markii uu xogtii helay ayuu, waxa uu sheego inta aqoon waayey, iska tagay.

Naado iyo qoyska oo dhan, waxa ay Raaxo la jeclaayeen Geelle, hase yeeshee, markii ay keentay wiil dibedda jira, qoyska oo dhan han adduunyo iyo armay gabadhu dhooftaa baa gashay, oo horey ayaaba wiilkii laga soo dhaweeyey, gabadhiina loogu farxay tillaabada ay qaadday.

Gabadha iyo reerkuba, dibedda ayaa qaadday iyo u han-qal taagga carrada shisheeye, markaasey hilmaameen wiilkii wanaagsanaa ee Geelle ahaa, oo muddada dheer

++

gabadha daba taagnaa, ciddana qaddarinta iyo wanaagga hayn jiray.

Caku, qofku haddii uusan garan karin qumai jacaylka! Caku, haddii uu u-hanqal-taagidda adduunj kala weynaato jacaylka. Caku se, haddii waalid aanan go ahayn, oo meel soke wax ka eegaya, wax laguugu daro!
Wiilka Australia gabadha ka soo doonay, waxa 1 yiraahdaa Bile, waxa uuna ahaa wiil dhallinyaro ah o muddo halkaas ku noolaa. Laba jeer ayuu ku guursad Australia, laakiin gabdhihii baa ku xumaaday, markaas bu go’aansaday, in uu Soomaahya gabar u doonto.

Raaxo oo uu reer Aabbeheed yaqaanay, Jifo ahaann is xigeen, ayaa waxaa uu ka helay Facebook-ga, oo run markii uu arkay sawirrada u saaran, uu la-yaabay quruxd gabadhaas Eebbe huwiyey.

Halkaas bey muddo Sannad ah ka wad sheekeysanayeen, taas oo keentay ugu dambeyntii, in a inta guur ka wada hadlaan, isku af-gartaan. Markii a1 guurkaas isku waafaqeenba, labada reerba waa la wad war-geliyey, taas oo labadii qoysna, Raaxo iyo Bile inta iski dareen, u Faataxeeyeen.

Saddex bil kaddib, wiilkii Bile ahaa Boorama ayui yimid, si uu gabadhii ula aqal-galo. Aad baa Boorama loog soo dhaweeyey, oo Gegida Dayuuradaha Cigaal e Hargeysa ayaa labada qoys iyo xaaskiisiiba ugu tageer soona galbinayeen ilaa Boorama. Gurigi uu ka kireysta xaafadda Shacabka, oo aqal wanaagsan loo dhigey, aya isaga iyo gabadhiiba, inta la-geeyey, la isaga tagay galabtii.
Wiil aan muddo waxba dhadhamin misena hore wax u yaqaan ayuu ahaaye, markii dadkii ka kala tageer

++

ha, horey ayuu xaaskiisii barakaysi uga bilaabay. Salaaxii iyo istiinkii guud marka la isla dhaafay, ayuu inta is heyn waayey ka dul-dhacay.

Laakiin markii hore, waxaa uu aaminsanaa in darbi adag ka hor imaan doono, maaddaama ay u sheegtey in aan bore loo guursane, wax hakiyaba waa waayey. Waaba sidii gabar Garoob ah, oo halow ah! Isma celin karine, xoogaa haddii uu raqleeyey, waxna ay ka yimaadeen, ayuu inta ka degey, si yaab lehna, sariirtii geesta kale isugu tuuray.

Ma jirin sheeko kale iyo qosol-qosole, ilaa waagii uu ka baryayey, halkiisii ayuu iska sii jiifay. Habeenkaas iyo wixii ka dambeeyey, gabadhii dib dambe uma naagaysan.

Raaxo, qudheedu habeenkaas waa naxday, oo waa ogayd in saaxiibbo laba ah oo ay Boorama kula sheekaysan jirtay ay waa hore isku dalooliyeene, laakiin, shax ay gabdho kala tashatey, oo ay doonaysay in ay u dhigto Bile, ayaa ka khaldan tahay, oo sidii ay rabtay u socon weydey.

In ay tolliin yar mariso isla jeerkaasina xanjeyso faruuryaha hore ee Cambarkeeda iyo Dhii-dhiibsi baa la is faraye, la iskuma ogayn in ay kala dhigato ayna hilmaanto tabtii iyo xeeladdii lagu ballamay.

Balaayo miyiiko qabtay, oo haddii la taabtana korantadu ka tageyso bay ahayde, taas iyo mashquulkii isu-diyaarinta arooska ayaa gabtay!

Bile, talo ayaa ku caddaatay! Gabadhii uu ku han- weynaa, waa tan oo isku dulaaqan, oo uusan waxba gaarsiin karinba. Maxaa wakhti iyo tacab uga baxay! Niyaddii ayaa jabtay, waxaa uuna iska joogay gurigii bil iyo badh, oo uusan wax dambe ka raadin Raaxo. Kama

++

muuqato farxad iyo damaashaad, dadka u yimaadana w< ay arkaan isaga oo sidiisii uusan ahayn.

Dhib se looma arko, oo waayadan dadka dibedda yimaada, sha’ni kale ayaa lagu arkaa, oo mindhaa ‘Isl hadal’ iyo ‘Buufis’ dibedda lagala yimaado, ayey u qaatee shuurintiisa.

Raaxo, qudheedu habeenkiiba waa ogaatay, in a xaajo dhabaqday. Lafteedu murugo kale ayey gasha haddiiba aanan dhankeeda la soo eegeyn, waana u caloo xnmo iyo niyad-go’.

Illeyn naag wax uga daran ma leh, haddii xaggeed inta la soo eegi waayo, dareenka lagu gaagixiyo!

Waa se iska qarsataa murugada iyo calool-k’ taallada. Wax kasta waxaa uga daran, in uu facsharo!

Lama sheekeysto Bile, waxna ma weydiiyo. Subi: waa iska baxaa oo raggiisa ayuu isku soo mada-daaliya habeenkiina waa yimaadaa, waana iska seexdaa.
Laakiin, markii muddo sidaas la ahaa, ayey Raax inta adkeysan weydey, u yeertay Bile, waxa ayna ku ti “Bile, waan ogahay huunno, arrinta dhacday ee aad la uur go’day. Waa dhacday, laakiin waxa aan jeclaan lahaa in aa i cafiso, oo aan sidaas wax ku dhaqanno, anna aan aba kuu hayo kuuna wanaagsanaado.
Walaalow, waan ku baryayaaye, reerka aan dhaqd oo ii ceeb-qari, Allaha ku asturee”. Inta fiiriyey, oo u- cabbaar fekeray, ayuu waxa uu ku yiri “Raaxo, ree dhaqasho ma jirta e, laakiin waan kuu ceeb-qarin All Idinki”. Raaxo, inta naxday ayaa Afkii juuqda gabay.

Wiilkii Bile ahaa, markii uu arkay in uu laba bil ku s’ dhaw yahay, ayuu waxa uu go’aansaday in uu iska bax

++

Sidii uu ballanta kaga qaaday, waxaa uu talo ku gaaray, in uusan gabadha fashilin, laakiin markii uu muddo dibedda ku maqnaado uu soo furo. Sidii buu yeelay. Waa baxay, gabadhana wax buu u soo diri jiray. Muddo sideed bilood kaddib-na, warqaddeedii ayuu u soo diray. Sidii bay iyadiina markaa aqalkii ku xaraashatay, oo reerkeedii dib ugu laabatay.

Runtii, reerihii oo dhan waa ka xumaaday dhaqankii wiilka, waxa* ayna qoyskii u sheegeen Raaxo, in uu ku dhacay Nabsiga wiilkii Geelle ahaa, ee isaga oo daba ordaya, ay meesha cidlada ah uga tagtay.

Geelle, maalintii ay Raaxo ka dal-doorsatayba, go’aan ayuu gaaray. Waxa uu maankiisa ka saaray Raaxo. Waxa uuna guddoonsaday, in uu gabar kale raadsado, noloshiisana uu dib-u-habeyn ku sameeyo.

Habaryarti oo markaas ka timid Sucuudiga, oo inaqashay arrinta ku dhacday Geelle, ayaa inta dhiiggeedii kacay siisay gabar yar oo jirtay 15-sano, oo la yiraahdo larxiya, oo markaas ay Sucuudi ka soo kaxaysay, oo fasax u keentay Boorama.

Waa gabar sidii ay Jallaato u dhuuqeysay, Casiirna u cabbaysay Shukulaato iyo nacniciini u ekaatay, oo haddii ay kaa soo hor-baxdo aad ku indha-daraan-dareyso. Ma suureyn karo e, waa Qalanjo aan isha loo dhammayn karin. Maba malaysanayn Geelle, in uu gabadhaas heli karo ama la siin kare e, waa ka aqbalay Habaryarti, waana lagu meheriyey.

Cid iska ladan ayuu ka soo jeeday e, aqal daahyo weyn ayaa loo amaamuday, halkaas ayuuna la galay gabadhii yareyd, oo aan – shaw – weligeed laga dhiijin, markaas buu ayaamihii hore la yaabi jirey sawaxanka ka

++

yeeri jiray, taas oo uu markii dambe, gadaal ka ogaad sababtaas. Alle waa u barakeeyey Qoyska, carruurna w loogu deeqey isla markiiba.

Raaxo, habeenkii koowaad ee uu u tagay Bile, ka dambeeyey, daaqad rafaad nololeed ah ayaa u furanta Muddo dheer isla hadal hoose ayey wadday, oo gaarsiiy in ay dhaban-shubanto. Waxaa ayse nafis yar hesh markii uu Bile u ceeb-asturay, taas oo ay marar badan u duceyn jirtay Bile.

Laakiin Bile, markii uu soo furay Raaxo ay eheladiisii oo dhan la yaabtay. Marar badan oo ay wax weydiiyeen sababta u gabadha u soo fureyna, waxaa uu leex-leexan jirey jawaab toos ah in uu bixiyo. Sidii uu u qarin jiray, ayaa maahn dambe hadal ka fekeday, uu ku s’ qarsaday wiil ay qaraabo ahaayeen, kaas oo sidii uu ballamay ka beyray, oo faafiyey sirtii. Markaas baa war1 soo gaaray xaafaddii Raaxo, waxa ayna taas murugo aad xun ku beertay Raaxo iyo qoyskeediiba.

Raaxo, marar badan ayey fekertay, waxa a^ ogaatay in laga soo raacey wiilkii u dhimanayey ee beenta ku madadaalin jirtay ee Geelle ahaa. Mar kas isaga ayaa ku soo dhaca oo ay aayaheeda ka fekert Waddo hadda ugama bannaana, oo iyada ayaa ka tagt isaga oo u baahan, haddana waa xaasle qaba gabar indhihiisa ka jecel yahay, oo u leh laba wiil. Waa liibaanay, oo adduunyadii wanaaggeedii oo dhan u dh tahay.

Marka ay aragto, ayaa waxaa soo gala qoomamo r xoogaa maseyr ah. Ayaan ay talo rog-rogays kaddib, ayaa waxaa ay is-tustay in ay soo ceshato Geell xaaskiisa Farxiyana ay ka furto, sidaasina ay ula so wareegto.

Go’aankaas markii ay gaartay, ayey sidii ay uga fun lahayd lalankeedii gashay. Muddo haddii ay is-weydiinaysay shaxdii ay uga furi lahayd, ayaa waxaa ku soo dhacay in ay l ooxiso iyo faalla-lawu tagto, oo ay Farxiyo fasho.

Inta taladaasi la-wacnaatay ayey subax hore, waxa ay ku jarmaadday Islaan ‘Ilyar’ la yiraahdo, oo sheegata in ay llalalow iyo Halabooqad Rooxaanta joogta ay xukunto iyo mlay kale oo ay hawlahaas ku wada qaraabtaan, oo isna cuan ah, oo la yiraahdo ‘Yooead’. Iyada oo hadiyad ay u wadday ag dhigtay, ayey u sheegtey Ilyar iyo Yoocad danta meesha keentay. Ujeedku waa in Farxiya la falo, oo Geelle laga ceyriyo.

Markii hore, si fiican la is-kulama fahmin qaabka, laakiin Islaantii Ilyar ahayd ayaa keentay talo markii dambe lagu heshiiyey, oo ahayd, in ay Raaxo keento wiil ‘Macsilaw’ ah, oo ciyaal-suuqnimadiisa magaalada laga wada yaqaan, oo gabadha lagu falo, oo mar kasta ay aaddo. Ini a faraxday Raaxo ayey ku tiri “Berri ayaan keenayaaye, is uga”.

Inta orodday ayey galabtii aadday wiil la yiraahdo Tarrax, oo dhillay ah, oo naagaha daba-gura, oo magaalada Boorama aad looga yaqaanney. Waa wiil ay mar Raaxo saaxiib la ahaan jirtay, oo ay gurigiisa ugu tagi jirtay, oo ay mar jacayl wada jili jireen, kaas oo inta fara-ka-ciyaar isku beddelay, markii dambe gaaray, in inta hoosta la iska galo, la isku niikiyo, oo afkii hoose ee u niggaxnaa Raaxo uu aabburkii furto.

Tarrax ayey inta ballansatay makhribkii, qolkiisii ugu tagtay. Hab-isa-siin, is-nab-daadin iyo kaftankii la isla yaqaanay iyo is-gufeyn lagu nastay kaddib, waxaa ay ku tiri “Tarraxow, Walaallow arrin ayaan doonayaa in aad igala

++

shaqeysid. Walaalow, waxa aan rabaa wiilka Geelle yiraahdo ee ina Macawls-weyne ah, ayaan damacsanahay aan gabadha uu qabo ka furo. Marka hawshaas ayaan rab in aad iga caawiso”. “Ma kii gabadha yarta ah ee Sucuudi laga keeney qabay baa? War kaas magaalada oo dhan ay magaciisii qabsaday, oo dhallintii baaba afka ku heys waan kula qabanayaa, waana kula kala tuurayaa, araggii iyo is-weynaantiisa ayaan nacaye.

Midda quruxda badan ee Boorama oo dh magaceedu qabsaday ee uu qabana, jinkeyga aya necbaaye, waan kula haatinayaa”, ayuu ugu jawaabay, is oo sii raaciyey “Raaxo qaabkee arrintaas aan u gall marka?”. “Walaalle, aniga ayaa hawshaas soo dhammeey qolo fooxley ah ayaana arrintaas galaysa, waxaana sameynayaa, adiga ayaa gabadha lagugu falayaa oo ay jeclaanaysaa!”, ayey ku tiri.

Inta qosol-gariiray, ayuu ku yiri “Naa waa heer s; haddiiba sidaas la sameynayee, gal hawsha, anna a middaas ka fara-macaystee”. Raaxo ayaa markaas ku “Berri aroortii aannu ku kulanno, dariiqa hormara guri odayga Xaaji Geesood”. “Haye, inkasta oo aan ka baqayo ay hurdo ila takto, Qaad Marduuf ah ayaa ii yaalla, oo a doonayo in aan caawa ku dhafree”, ayuu inta yiri, ay saas la isku af-gartay.
Ninkii Tar rax ahaa, habeenkii oo dhan a faraxsanaa, oo marqaankii Qaadka oo dhan hawshii a kaga fekerayey. Tarrax lama tuso, wax dhallinyaro ah oo qaba oo isku wanaagsan. Lama maqashiiyo, haddii lahayn balwad. Waxaa taas uga daran, lama soo m< karo, haddii ay leeyihiin magac wacan oo bulsha dhexdeeda laga ammaanayo.

Sideedaba, Aadanuhu horumarka iskuma oggola, oo \<isadka ayaa ku badan. Kolka ay guurka joogto, ma oggola in wiilku gabar wacan guursado, gabadhuna wiil ft nan hesho. Haddii la is-guursado, ma jeclaadaan in ay maqlaan nin iyo maski isku fiican, oo is-qaddariya oo nolol macaan ku nool Kaba sii darane, haddii ay wax-tar veeshaan oo Bulshada sumcad fiican ku yeeshaan, dad badan ayaa hoosta ka gubta. Markaas baad arkaysaa dad 24-saac qoyskaas daba-taagan oo dab iyo baasiin ka daba wata.

Tarrax dadkiisaas ayuu ka mid yehee, sidii uga I’ckerayey qaabkii uu u kala haatin lahaa Geelle iyo Farxiyo, nyuu habeenkii oo dhan sidii uu ugu ku soo jeedey, ayuu uroortii inta Qaadkii iska tufay, isku sii daayey halkii ay ku ballameen isaga iyo Raaxo. Meeshii ayey ku kulmeen, waxa uyna aadeen fooxisadii iyo faaliyihii oo ay buulkoodii ugu lageen.

Ilyar iyo Yoocad, shaqadii ayey guda galeen. Waxaa uyna labadoodii u kala dhiibeen laba shaqo. Gabadhii waxaa loo dhiibay Weel yar oo uu Dhiig ku jiro, waxaana lagu amray in ay aqalka illinkiisa ku firdhiso, gaar ahaan xllliga ay bannaanka ku maqan tahay Farxiyo, oo ay mleegga doonayso, si marka ay illinka marayso ay ugu Joogsato. Isna waxaa loo dhiibay baal Caano-qub, uu marka uy Farixiyo dhiigga ku soo joogsato oo ay is beddesho, uu ku taabto, gaar ahaan marka inta la madax-maro ay suuqa u soo baxayso.

Sidii baa la yeelay. Raaxo dhiiggii ayey barqadii Farxiyo uu suuqa ku maqan ugu daadisay illinkii guriga. Markii ay Farxiyo soo laabatay ayey iyada oo aan arkayn dhibcaha dhiigga, bey ku joogsatay, markaas baa

++

maankeedii la-dafay. Isla markli-ba, waxa ay bilawday in fududaato, oo ay bannaanka iyo suuqa u bax-baxdo. Me aan ka dheereyn ayuu joogay Tarrax e, waxa uu ark Farxiyo oo cabbaar markii la joogaba guriga ka s baxaysa, hadba bannaanka soo aadaysa, oo aan xis fiic lahayn, isna inta u soo dhawaadey, ayuu Baalkii taabsiiye iyada oo aan ka war-qabin, markaasina iska tagay.

Gabadhii Farxiyo ahayd, halkii baa looga soo booda Falkii baa ku kacay, oo maalin-ba maalinta ka dambeys waxa ay la soo baxaysay dhaqanno cusub iyo wax aan la aqoon. Waxaa ay ku bilawday Geelle, muran iyo jaq-jaqla joogta ah iyo dhega-adeyg. Waxa ay markii dambe gaarta in ay caydo oo ay mar walba oo uu la hadlo af-lagaadeys Intaas waxaa dheeraa, in ay bilawday magaalo-waree Dhoocilo-raac iyo soo daah-daah habeenkii ah. Waxa ayba mashaqo ka dhacday, markii ay la xiratay Tarrax, ay bilawday in ay gurigiisii tag-tagto iyo in ay1 indheheeda ka jeclaato.

Warkii Farxiyo suuqii ayuuba galay, oo magaalada dhan ayaa ku fadhi-dirirta. Cajiib, ninkii Geelle ahaa waa baa ku baryey, arrintii Farxiyo waxa ay ku noqotay mucji uu la dhakafaaro. Gabadhu waano ka tagtay, oo tiisii iyo waaridkiiba yeeli weydey, xitaa hooyadeed oo warkii 1 sheegey, wax natiijo ah ka keeni weydey. Gabadhii c kasta u maaro-weydey, reerkeedii iyo carruurteedii suu wareeg bey ka dooratey, magac-xumo iyo sharaf-dhac waa keentay.

Raaxo, iyadu shaqadeedii ayey qabsatay, waxa bilawday in ay daacaayaad iyo been-abuur badan Farxiya suuqa u gehso. Maahn walba suuqa ayey wareegt

++

inta naag ay taqaan iyo inta wiil ay garanayso ayey warar been abuur u badan uga geysaa Farxiya. Xitaa markii dambe qaraabada iyo ehelka Geelle ayey arrintii ku asqeysiisey.

Geelle iyo qoyskiisiiba arrintii Farxiya waa la xumaatay, muddo ayeyna isku dayayeen in ay arrinta gabadha si hoose loo xalliyo, oo la waaniyo, laakiin waa qaadan weydey illeen waa qofqaaddane. Iyagu ma gartaan, in ay gabadha Qur’aanka ku dayaan, laakiin waxa ay la noqotay dhaqan iyada ku soo kordhay, oo ay ku tala- galayso.

Reerkii Geelle, muddo dheer kaddib, waxa ay ku lieshiiyeen in uu gabadha iska furo, isla jeerkaasina gabadha hooyadeed loo diro, oo Sucuudigii lagu celiyo. Sidii baa la yeelay, oo gabadhii oo weli sixran ayaa Sucuudiga loo dhoofiyey, halkaas oo ay markii dambe besteed ku sii noqotay.

Raaxo, markii ay arrintii koowaad ku guulaysatay, ayey bilawday, in ay xiriir la samayso Geelle. Waxa ay isku daydaa, in ay mar walba soo wacdo, in ay guriga ku soo booqato, laakiin Geelle, waa hore ayuu ka calool-go’ay, oo xitaa hal marna maankiisa kuma soo dhacdo, aad wax la wadaagtid Raaxo. Teleefoonka waa ka qabtaa, waxa ay weydiisana waa uga jawaabaa, marka ay guriga ugu timaaddana waa soo dhaweeyaa, sida ay rabtana kama hesho.

Raaxo, wakhtigeeda waxa ay gelisaa, sidii ay ku soo xero-gelin lahayd Geelle, isna war iyo wacaal toona arrintaas uma hayo, waxa uuna ka fekeraa habkii uu noloshiisii mar saddexaad u qaabayn lahaa iyo sidii uu u guursan lahaa gabar wanaagsan oo kale.

Mud do Sagaal Bilood ah, oo ay ka daba ordaysay Raa kaddib, waxaa ay maqashay in Geelle uu guursaday Gab kale oo magaalada ka sheegganayd, oo dhallinta ay a uga daba-dhici jireen.

Raaxo, markii ay arrintaas maqashay, sii xaqiiqsatay, ayey murugo la dhacday. Arrintii mudd sannad ka badan ay ka shaqeyneysay fashil ayey k dhammaatay. Mar bay waxa ay is tiraahdaa “Haddii aad heli karayn Geelle, maxaad u dbaafisay miskiintii a sidaan ogaa ugu sixirtay!”

Raaxo arrintaas walwal iyo walbahaar ayey ] beertay, hurdo iyo hoyaadna waa ka tagsiisay, waxaana ~ soo haray dhakafaar iyo dhabannaheys joogta ah.
Ayaan kaddib, gabadbii Raaxo ahayd, waxaa ku so booday cudur la aqoon waayey. Cunuhii ayaa buurtay, o maalin walba bilaaba in uu sii bararo. Dhuunta hoosteed ayaa buro ka soo baxday, taas oo keentay in uu cunuh soo buurto kol kasta.

Dhakhaatiirta Boorama oo dhan ayaa la wada geeye^ markaas baa mid kasta wax ku sheegaa, oo soo siiyaa b buuxda oo daawo ah, markaas baa in uu cunuhu dhib iy caallir ka qaado mooyee, la waayaa mid ay ku bogsato.

Markii lagala quustay Takhaatiirtii Boorama, ay markii dambe loo qaaday Itoobiya, halkaas oo Dhakht loo geeyey uu ku sheegey in gabadha uu Kansar hay uuna mar ayo xilli aan waxba laga qaban karin.

Magaalada Boorama ayaa lagu soo celiyey, waxa la dhigay qolkeedii, iyada oo loo sheegey, in ay halkaas k sugeyso Malakul-mawdkeedii!

Markii taaheeda iyo xanuunkeeda loo adkaysan waayo, ayaa mar-mar wadaaddo loogu yeeraa Qur’aan saarta.

Maalin Qur’aan la saarayey, ayaa wadaad u (Ihimrinayey, waxaa uu u sheegey, in haddii ay jiraan dad ay wax ka gashay ay cafis ka dalbato, haddii ay jiraan dad deyn ku lehna, ay deynta iska sii bixiso, Ashahaadada iyo Istaaqfurullaahida ay badiso.

Isla xilligaas uu Sheekhii wacdinayey-ba, waxaa ku soo dhacay gabood-falladii ay samaysay iyo dhibaatadii ay ku abuurtay reerkii Geelle, markaas bay inta qaylisay, waxay bilawday in ay tiraahdo “Alla Dhibaato aan u geystey ayaa jirta Geelle. Alla aniga ayaa uga baxay jacaylkii. Alle aniga ayaa reerkiisii bur-buriyey, oo ka dambeeyey Musiibadii ku dhacday Farxiyo.

Alla aniga ayaa sixray xaaskiisii Farxiyo. Alle maanta waxa i haya, waa cuqubadii aan ka galay walaashey Farxiyo iyo walaalkey Geelle. Alle arrintaani waa Nabsi”.

Intaas markii ay tiriba, waxaa inta aad kaga naxay la- yaabay: qoyskii iyo asxaabteedii markaas la fadhiday iyo wadaaddadii, oo ogaa dhacdada Reerkii Geelle qabsatay.

Iyada oo hadalkii sii wadata ayey sii tiri “Islaanta llyar ah iyo wadaadka Yoocad ah ayaa falkaas ii sameeyey, waxaana sidaas u samaynayey, in aan anigu guursado Geelle, laakiin waa ii suuroobi weydey.

Walaaleyaalow iigu yeera, oo cafis ii weydiiya”. Intaas markii ay sii lahayd naftii baa haysaye, dhiiggeedii kululaa waa qaboobay!

NABSIGH HAYBE HALEELAY

Haybe, waxaa uu aha a wiil dhallinyaro ah, oo markaa jiray 28-sano. Markii uu soo dhammeystay Dugsig Sare ee Jubba ee Kismaayo 2008-ddii, buu wuxuu taga waddanka Pakistan, gaar ahaan Magaalada Karachi, isag oo Kulliyadda Tijaarada ka bilaabay Jaamacadda Karachi.

Haybe, waxaa uu ahaa arday dadaal badan, o Jaamacadda xilligeeda ilaasha, isla markaasina aad wax barta, waxaa uuna inta badan ka keenaa dhibco wanaags; imtixaannada Jaamacadda.

Waayaha uu Jaamacadda dhiganayey, waxaa aad uj badnaa waddanka gabdho iyo naago dibedda uga yimaad dhallinyarada Soomaaliyeed ee faciisa ah, oo ay inta isk barteen Paltalk-ga, MSN-ka iyo Facebook-ga, inta i guursadaan, waddanka Pakistan ugu imaanayey, oo mudd yar kaddibna, dibedda u qaadayey.
Markaas baa Haybe, kolkii uu laba sano Jaamadd dhiganayey hiyi-kacay, maaddaama uu dibedda aad jeclaa.

Waxaa uu baaritaan ugu dhaqaaqay halka gabdhah dibedda laga helo iyo qaabka loola sheekeysto, kolka buu soo ogaaday, in Facebook-ga uu ugu fiican yahay h< gabdhaha laga soo dabto.

Facebook-ga ayuu inta Cinwaan ka sameysta bilaabay in uu gabdhaha, gaar ahaan kuwa dhoofay uu k dar-darsado.

Sidii uu hadba gabar iyo islaan waddan Reer galbee joogta ugu darsanayey, ayuu habeen waxa uu ku darsad* Islaan joogta Waddanka Canada. Islaanta waxaa la jiray Mullaaxo, waxa ayna Canada gashay 1993-kii.

Waxa ay Mullaaxo kolkaas jirtay 56-sano, waxaa ayna carruur ka dhashay laba gabdhood, oo waaweyn, oo midina Sweden lagu qabo, midna Canada reer ku leh, ninkii ay y.abdhahaas u dhashayna, waxaa Xamar ku dishay xabbad wiifto ah, 1991-kii.

Mullaaxo, waxa ay ahayd qof aqoon-yahan ah, oo waxa ay ka baxday Jaamacaddii Ummadda, waxa ayna tiaadatay maaddada Dhaqaalaha. Markii ay Kanada tagtay, Shahaadada labaad ee Mastar-ta ayey ka diyaarisay Inamacadda Toronto. Mullaaxo waa qof fur-furan oo il-bax ah, waxa ayna aad u isticmaashaa baraha ay Bulshadu kuwada xiriirto, gaar ahaanna waxaa ay aad u gashaa Facebook-ga.

Markii uu ku darsaday, isla markiiba waa aqbashay Mullaaxo. Isla goortaana Online ayey soo noqotay. Waa salaamay. Waa ka qaadday, waana is-barteen. Baryo kaddibba, Haybe, waxaa uu ku bilaabay Mullaaxo kaftan Iyo sheeko, halkaas oo ay Mullaaxana ka koobin jirtay.

Ayaan kabacdina, waxaa uu ka eodsaday Sawirkeeda. Waa u soo dirtay, kiisiina waa u diray.

Wiilkii Haybe ahaa cagta ayuu cagta u saaray Mullaaxo, aad ayuuna isugu mashquuliyey, in uu ka dhaadhiciyo, in uu jacayl u qabo, maaddaama uu iska dhigayey in uu ka helay quruxdeeda oo uu sawirkeeda ka daalacday.

Mullaaxo, markii hore, wiilka yar iskala sheekeyso ayey ka ahayd, oo kaftankiisa ayey ka heleysaye, markii dambe oo ay aragtay sida uu wiilku u jecel yah ay, hawo ayaa ka gashay. Waayadii hore, hadalladiisa caajiska ayey isaga bi’in jirtaye, kolkii dambe, iyadii ayaaba bilawday in ay soo raadiso, oo caashaq taabtay.

++

Sidii Online-ka loogu wada sheekeysanayey, markii daml in la is jecel yahay ayaa la iskugu warramay. Had jacaylkii la isla fahmay, Onllne-kii waxa uu isku beddela in taleefoon lagu wada hadlo, markaas baa jacaylkii Wc uu gaaray xadkii ugu dambeeyey.

Haybe, jacaylkiisu, waa-ku-dhoof mooyee, meesha ka taagan yahay Mullaaxo kama marayo. Haddii Mulla< isaga keligi ay xiriir caashaq la leedahay, isagu waxaa jecel yahay gabar ay isku fasal ahaayeen, oo Suleykha yiraahdo, oo South Afrika, Jaamacad ka dhigata. Intii Dugsiga sare ee Jubba wada dhiganayeen, indhihiisa a} ka jeclaa, waana gabadha kehya ee uu ku taamo, in Mustaqbal la yeesho.

Mullaaxo, hadda waa ay shinsataa wiilka Haybe yiraahdo, markaas bay bilawday, in ay sida cunugeedii kale u dhaqaalaysato. Sawirkiisa ayey ka aragtay in caato yahaye, waxa ay u sheegtey in uu Jimicsi bilaabo, uu is-dhiso. Waxa ay meel u saartay 200 oo Doollar, Masruuf ah.

Haybe, biilkiisii hore ayaa ciriiri ku ahaaye, in’ dhallinyaro uu qol la degganaa ka guuray, ayuu kireystay, markaas buu maqaayad ka fuulay cunto. Waa hore, Bariis iyo Digir is-gaarsiis ah ayuu cuni jiraye, had Bariis aysan ku koo-saarnayn Dhaylo, Digaag, Kalluun Casiir nooc-noocba oo uu isaga dejiyo, wax aan ahayn ai ma saaro.

Haybe, haddana waxaa uu horay ka galay me Jimicsi. Wiilkii xawiifka ahaa ee dhuuqo in uu qabo lo malayn jiray, jirkiisii ayaa kala baxay, murqo waawe ayuu yeeshay, markaas buu wiil markii hore qoornimo

++

ilhashay buu ahaaye, u ekaaday kuwa ciyaaraha legdanka dheela.

Waa iska adduun iyo xaalkiis e, gabadhii uu Haybe jeclaa ee Suleykha, waxaa uu marmar xoogaa uga diraa lacagta ay u soo dirto Mullaaxo. Markii dambe, inta lacagtii ku yaraatay, ayuu ka codsaday Mullaaxo in ay u soo badiso, markaasey 100 Doollar oo dheeraad ah ugu soo dartay, taas oo isna 50 Doollar uu uga rukumay Jacaylkiisii Suleykha!

Isagu markaas waxaa uu isu arkaa nin rag ah, oo wax kala dabbaranaya – Aa la tahay!

Ardaydii saaxiibbadiis ahaa, ayaa Haybe la-yaabtay is-beddelka ka muuqda ee dhanka eawilka ah iyo dhanka dharka qaaliga ah. Isna kama qariya e, saaxiibbadiisa ugu dhaw-dhaw waa u sheegaa, in ay u dhaeatay, oo uu helay Islaan xusul-baruur ah, oo Canada ku nool, oo ay sheeko meel fiican u marayso.
Mullaaxo, markii ay aragtay, xabadka, murqaha, lixaadka iyo shacniga uu la soo baxay Haybe, ayey sii caashaqday. Mindhaa meelahaas Canada waa laga jecel yahay dadka murqaha waa weyne, waxa ay laabta gashatay ‘”Haddii uu Haybe kuu yimaado, xooggiisa waad ka faa’iidin, oo nin la’aantaan waad ka bixin, caajiskana waa kaa bitin”.

Islaantii Mullaaxo ahayd, waaba sugi weydey Haybe inta u Jaamacadda ka dhammeynayo. Markii ay sannad isla sheekeysanayeen, ayey go’aansatay Mullaaxo, in ay wiilka is-mehersadaan, oo ay soo kaxaysato, maaddaama aysan ku jiri karin doobnimadaas, aysanna sugi karin intaas ka badan wiilkaas murqaha waaweyn.

Inta habeen soo wacday ayey u sheegtey, in ay diyaar tahay, oo guurkiisa doonayso. Waa sida uu rabaye, waxa u isna u muujiyey in uu muddo danaynayey in ay i guursadaan.

Sidii baa lagu heshiiyey, markaas buu sadd saaxiibbadiis ah, oo uu mid ka dhigay Sheekh, inta yeeray, oo Mullaaxana khadka soo geliyey, qolkiisii looj meheriyey.
Bit kaddibba, waa timid Mullaaxo Karachi, waxa uuna la degay Hotel la yiraahdo Averi Tower, oo aad qaali ah. Mullaaxo waa ku soo talo-gashay lacagta iy Kharashka inta ay la joogto Haybe e, waxba uma dhimai qaalinimada Hoteelkaas. Haybe-na, hoteel ayuu u xiis qabaye, isaga ayaa doortay midkaas, oo Hoteellada raqiisk ah ka cararayey. Waxaa uu islahaa Hotelkaas iyo Mullaax haddii aad isku hesho, waxba kuuma dhimmana.

Labadoodiiba, aroos gaaban ayey ku galeen Karacl Mullaaxo aad bay uga helaysay wiilka yarka ah jiifkiisa, o runtii walaacii iyo is-lahadalkii Canada waa ku illawda maalmahaas ay sariirta kula gal-galanaysay Haybe.

Wiilku qudhiisu, waxaa u caddayd Canada, oo wax uu islahaa si fiican u qanci Mullaaxo, si ay si deg-deg kuugu qaaddo, markaas buu maalintii iyo habeenkii dha^ iyo toban jeer Mullaaxo u galmoodaa, qaab kasta oo dareen ku heli kartana, u sameeyaa. Kolkaas baa Mullaax waxaa ka soo hartay “Macaane, Sonkore, Malabow, weliga adiga oo kale dhaayaha ma saarin, xaax.. iiih..”, iyo reen iy erayo kale oo Haybe sii dhiirri-gelisa.

Sidii gabar sunno-guda ah, oo dareenku waalay ayey wiilki isaga dhigtay, kolkaas buu isna is-dhahaa, wad ilaa inta ay ka maqsuudeyso.

++

Haybe, isagu Mullaaxo kama helm, wejigeeda duuduuban marka uu akro ayuu dhunkashada dhabankeeda karaahsadaa. Xilliga u sariirta kula bood-boodayo, iyada ayuu iskeed u yeelayaa mooyee, kama helin la-clyaarkeeda iyo ku dul-raqleynteeda. Waxaa ku jlra qajil aysan tlareemin Mullaaxo, oo uu ka qariyo.
Muddo bil ah, oo Mullaaxana u ahayd raaxada adduunka, Haybe-na u ahayd is-xilqaan iyo dan-ku-qunsi kaddib, Mullaaxo inta waraaqihii aqoonsiga Haybe (laadatay, si ay ugu soo dacwooto, ayey ka dhooftay Karachi.

Guurka Mullaaxo iyo Haybe, eheladooda midna ma oga. Mullaaxo xitaa labaddeeda gabdhood uma sheegin guurkaan, Haybena waalidkiisa lama socodsiin guurkaan. Mullaaxana xishood ayaa ku jira ah, in wiilkaan yar oo waddanka kale jooga ay calmatay, oo waxa ay is-leedahay marka Canada aad keento shaaci. Isna ma rabo in uu Islaantaan waayeelka ah guurkeeda, ehelkiisa uu la wadaago.

Mullaaxo, markii ay Canada tagtay-ba, dacwaddii Haybe horay ayey ka gashay, waxa ayna ahayd Islaan shaqeysata oo raad-raac fiican lehe, muddo lix bil gudahoodba, hawsheeda waa lagu aqbalay.

Wiilkii Haybe ahaa lix bil kaddib, ayaa safaaradda Canada ee Pakistan loogu yeeray ‘dal-ku-gal-ka’ Canada uu ku tegi lahaa. Isna inta aaday Islamabad (Caasimadda Pakistan), oo ay Safaaraddu ku tiillay, ayuu ka soo qaatay liisihii.
Sidaas oo kale, ayaa inta Mullaaxo soo wacday Haybe, u soo dirtay 2000 oo Doollar oo uu Diyaar-ku-raac (Ticket) iyo dhar-ku-iibsi (Shopping) ka dhigto.

++

Isaga oo Jaamacaddii wax yar uga dhiinmaneyd, ayuu is tagay, oo uu aaday Waddanka Canada, maaddaama dhoof-ku-diin ahaa.

Goor fiid ah, horraanta Bishii Afaraad 2011-kii a^ Haybe ka soo duulay Garoonka diyaaradaha Karac’ waxaa uuna habeenkii xigay, saq dhexe ka deg Magaalada Toronto ee Canada. Mullaaxo, ayaa ku sugays Haybe Gegida Diyaaradaha ee Toronto ku yaallay, wax ayna timid saacado badan ka hor imaanshihiisa, iyada gaarigeeda ku timid.

Laakiin, Haybe, soo bixitaankiisa, waxaa kale oo uu, soo sheegay wiil ay Ilmo-Adeero ahaayeen, oo i magaalada Toronto ku noolaa, oo uu arrinta oo dhan socod siiyey, uuna ka codsaday in uu hoy u diyaariyi Wiilkaas oo la yiraahdo Dirir ayaa isna Garoonka u s doonay Haybe.

Haybe, markii uu soo degay-ba, waxaa uu is markiiba Garoonka bannaankiisa kula kulmay Mullaaxo i Dirir oo mid weliba gaarkiisa u sugayo. Mullaaxo ayaa in ku soo dhaqaaqday, damacday, in ay ninkeeda hab siis markaas buu inta ka jeensaday oo ka durkay, isla markii aaday dhanka wiilkii Dirir ahaa ee ay Ilma-adeer ahaayeen. Waa ay ku soo oroddaa, markaas buu ka cararaa. Inta markii dambe is-oohiyey, ayuu waxaa uu yiri Mullaaxo “Alle Ayeeyow iska kay daa, tabar kuu hayee, Alle Ayeeyow i dhaaf, waan ku baryayaaye, wa kuu ducaynayaaye”.

Inta Mullaaxo eegtay, oo yaabtay, ayey markii aragtay xaaika Haybe meesha uu marayo – iyada madaxa lulaysa oo aad uga xun- isaga tagtay.

Cajiib, Haybe wiilka uu raacay ee Ina-deerka la ah, maalinna lacag uma soo dirin, intii uu nolosha ciriiriga ah \uju noolaa Karachi. Aalaaba taleefoonka kama qaban linn. Xitaa maalin uu wacay oo uu caawinaad weydiistay, oo uu si fiican ugu cataabay, kagama jawaabin oo waa ku dhageystay. Kaas waa raacay! Waana ka tag ay tii nolosheedii oo dhan u beeshey, oo wax AUe iyo wixii niaankiisa ku soo dhaca u soo diri jirtay, isla markaasina inta Mustaqbal fiican u samaysay, soo dhoofisey!

Xitaa Dirir Qudhiisa oo arrinta oo dhan la socday ayaa inta ka yaabay Haybe, buu intii ay sii socdeen, mar ku yiri “Haybow, waxa aad samaysay waa arrin xun, oo Bini- Aadaminimada ka baxsan. Arrinta noocaan oo kale ahna Nabsi ayey dhashaa, waana ku soo marin, maalin ay ahaataba”.

Mullaaxo aad bay uga xumaatay Haybe, waxaa ayna siisay nafteedii, maalkeedii iyo wakhtigeedii qaaliga nliaaba. Wax yaalaha ay Shinsanaysay waayadaas ayaa Kiiurka Haybe, kaw ka ahaan. Inta aad uga xumaatay Haybe, oo aad u niyad-jabtay, bay intii ay sii socotay, iyada oo maankeedii ku maqnaa dhibaatadii uu u gey stay Haybe, dhawr jeer ku sigatay, in ay shil gasho.

Markaas bay, kol kasta oo ay soo xasuusato Haybe, lioos waxa ay ka tiraahdaa “Ilaahay sidii aad ii lug-goysay kuu lug-goo. Alle Nabsiga aad iga gashay kaa soo dul-saar Idin Alle”.

Haybe, markii uu tagay Canada, Jannadii adduunka In uu galay ayuu aaminay, oo fakhrigii iyo saboolnimadii uu meel iska dhigay. Waa halkii uu in muddo ah ku taamayey, oo uu ku riyoonayey xilli dheer. Isla markiiba

++

reerihiisii iyo dadkiisii ayuu la xirilray, oo uu u sheegey uu Canada tagay, isaga oo aan u sheegin qisadii uu tagay.

Waxaa uu sidaa oo kale, horey farxaddiisii k wadaagay, gabadhii uu jeclaa ee Suleykha, oo ku noola South-Africa, taas oo runtii Suleykhana aad ugu riyaaqda haddii wiilkii ay la sheckeysanaysay ee jeclaa uu tag Canada.

Haybe, xiriirkii uu la lahaa Suleykha ayuu sii la1 jibbaaray, waxaa uuna bilaabay in xiriirkii Masscnger- iyo Facebook-ga uu u boddclo laleefoon, maaddaama tagay waddanka uu u 1‘udud yahay, in uu laloel’oon kr soo xiriiro. lsla markii uu shaqo bilaabayna, waxaa go’aansaday, in uu Masruuf u qoro Suleykha. Waxaa sidaas oo kale, qorsheeyaa, sidii uu ku keeni lah Suleykha Canada, oo uu u guursan lahaa.

Ma oga Haybe e, waayadii uu u bixi rabay Cana ayaa Suleykha waxa uu Aabbeheed ku daray dhallinyaro ah, oo ay qaraabo dhaw ahaayeen, oo yiraahdo Shire, oo ka xammaasha South-Afrika.

Suleykha, kama qarin ninkeeda e, waa u sheegtey ay xiriir lahaan jireen Haybe, oo ilaa Iskoolkoodii ay yaqaaneen, jecel yahayna, waxa ayna arrintaan ninkeeda wadaagtay, markii uu Haybe Canada tagay.

Suleykha, waa ay iskala xiriirtaa mooyee, iyadu jeclayn Haybe, laakiin waa ogayd in uu isagu u dhimana^ Waagii hore xiriirkoodu, aad buu u yaraaye, markii Kanada tagay ayuu bilaabay in uu saacad-saacad u s waco.

Sidii uu ula soo xiriirayey, ayuu maalin dambe, w« uu u sheegey, in uu doonayo in uu u soo dacwoodo, oo ay wada dhasheen carnal uu ku qaadayo, maaddaama

++

horay ugu qortay, dabadeedna markii ay timaaddo ay halkaas isku guursadaan. Iyana waa guddoontay.

Arrintaas Shire kama aysan qarine, waa la ogaa, waxa ayna u sheegtey in ay wiilkaas Canada ku tageyso, noloshaan nolol dhaanta ay doonayso, in iyada iyo seygeedu ku noolaadaan. Inta la tashatay, ayaa la isku waafaqay, in Suleykha sidii ay ku ballameen iyada iyo Haybe ay yeesho. Haybe ballantii buu oofiyey, oo muddo kaddib, waa u suurawday, in Suleykha uu soo geliyo Canada.

Markii uu muddo dheer biilayey Suleykha, oo wixii uu heli karayey uu siinayey, oo waalidkiis iyo walaalihiis oo baahan, uu Suleykha wax walba u hurayey, oo misena maal iyo moodba geliyey sidii uu ku keeni lahaa, ayaa maalintii ay Suleykha imaanaysay waxa uu u istaagay Gegida Daruurahada Ottawa (Ottowa, waa magaalo ku taala Canada, oo markii uu lix bil joogay Toronto uu u wareegey.

Markii ay Garoonka ka soo tagtay ayey kor iska salaameen Suleykha iyo Haybe, maaddaama aysan isku mehersaneyn, oo aysan intaa isku dhaafi karin. Waa uu kaxeeyey, waxaa uuna geeyey gurigiisii, waxaa uuna la dejiyey gabar qol ka degganayd gurigaas.

Suleykha markii ay Canada u soo socdaaleysay, waxa ay la xiriiri jirtay nin abti-labaadkeed ah, oo ay u sheegtay in ay Canada u soo socoto.

Habeenkii markii ay gabadhii la-bariday, oo uu Haybena inta Quraac u diyaariyey, uu shaqo aaday, ayaa waxa ay taleefoonka gabadhii ay la-degganayd kala xiriirtay ninkii abtigeed ahaa, markaasaa, tilmaantii kolkii

++

loo saxay, gurigii ugu yimld. Horay ayey ka raacd abtigeed isaga ayaana meel kale dejiyey.

Ninkii Haybe ahaa oo fasax ka soo qaatay Shaqa( ayaa adeeg inta u soo qaaday Suleykha, guriyii yimid, mi ma joogto Suleykha. Gabadhii ayuu weydiiyey, kolkaasay sheegtay in ay nin raacday. Laakiin waxa ay u raacisay taleefoonka ninka uu ku jiro taleefoonkeeda, oo mar1 hore laga wacay.

Haybe waa garaacay taleefoonkii, waxaana loo dhiibay Suleykha. Markaas baa Sulaykha waxa ay sheegtay, hadal xiskii ka qaadi gaaray Haybe, waxa ayna tiri “Walaal Haybow, marka hore aad baad ugu mahads tahay wanaagga aad ii sameysay. Marka xiga, walaalo waxa aan guriga uga soo tagay, wax kale ma ahayne, d walaalow guur ayaad iga rabtay anna waxaa i qaba oo a is-guursannay wiilkii Ina Xaaji Xildiid ahaa ee Shire ahaa Xaafadda Farjanno degganaa, marka dee guur kale ma g kare e, walaalow iga raalli ahow. Si aan abaalkaaga gudana, walaalow gabar Alle iyo gabadha aad rabto ii s sheeg, aniga ayaa wax kaala qabanayee. Haddii ay Afrl joogtana, kula keenayee!”

Wiilkii Haybe ahaa dhulkaa la wareegay. Waa qaadan waayey arrintaas! Waa Gabadhii uu in muddo biilayey, isla markaasina uu wakhti, dhaqaale iyo ma badanba ku bixiyey nolosheedii iyo keeniddeediiba. W gabadhii uu shinsanayey, ee uu lahaa noloshaada inta dhimman la-qaado. Talaa ku caddaatay, oo cirkaa 1 aaday!

Wax uu sameeyo inta aqoon waayey, oo jawigu qasmay ayuu shaqadiisii ku laabtay. Kolkaas buu intii sii socday, inta fekerkii la-baxay, gaarigii inta waddada k leexday, darbi ku dhacay. Nasiib-wanaag, gaarigii ayaa ai

I lore ka bur-buray, laakiin isagii waxba ma gaarin. Dacwo iyo ganaax kaddib, mid saaxiibkiis ah ayaa gaari kale u keenay, oo u qaaday gurigiisii, maaddaama uusan shaqo sii lagi karin.

Maantaas iyo habeenkaas oo dhan waa seexan waayey. Walwal iyo walaac iyo isla hadal ayuu galay. Meel laga jiro ayuu garan waayey. Farruuryo-qaniinsi iyo madax- ruxid ayaa ka soo hartay. Xitaa xanaaqa iyo eiilka hayey, mar waa damcey in uu Bastoolad inta raadsado, oo uu Suleykha baadi-goobo, uu Shan Xabbadood inta Wadnaha kaga dhufto, uu Meydkeeda ka tillaabsado!

Isaga oo garni’ waayey oo laba beri aan sariirtiisii ka kicin, oo feker iyo sidee wax u dheceen iyo halkee lagaa helay ku jira, ayuu soo xasuustay sheekadii Mullaaxo iyo isaga dhex martay. Taariikh dheer ayuu dib garwaaqsaday.

Isaga oo sheekadaas rog-rogaya ayaa waxa uu soo xusuustay oraah uu ku yiri wiilkii ay Ilama-Adeerka ahaayeen ee Garoonka Toronto ka soo kaxeeyey, oo arrinta kala qabsatay Haybe iyo Mullaaxo arkayey, isla markaasina uu Haybe qisada si fiican uga sheekeeyey.

Oraahdaas oo ahayd “Haybow, waxa aad samaysay waa arrin xun, oo Bini-Aadaminimada ka baxsan. Arrinta noocaan oo kale ahna Nabsi ayey dhashaa, waana ku soo marin, maalin ay ahaataba”.

Markaas buu Haybe ogaaday, waxa haleelay in uu yahay Nabsigii uu ka galay Mullaaxo! Kolkaas buu inta ku qayliyey, ku cel-celiyey oraahdaan Xalaal-Calaykl Xalaal- Calaykl Xalaal-Calaykl

NABSIGII UU GALABSADAY GABOOBE

Xaraare, waxaa uu ahaa nin da’ ahaan markaas jiray 5 sano. Waxaa uu ku noolaa Waddanka Mareyk Waxaa u dhaxday gabar la yiraahdo Amran, oo mark jirtay 21-sano, oo u haysay laba will iyo gabar. Waxaa reerku u degganaa Magaalada Nayroobi. Sannadkiiba m ayuu reerkiisa u imaan jiray.

Xaraare, wax walaal ah oo la-dhashay, waxaa uu lahaa nin ka weynaa, lana dhihi jiray Canshuur. Canshu waxa uu ahaa nin oday ah, oo waxaa uu ka weynaa Xaraa Sagaal Sano. Waxaa uu ku noolaa magaalada Baladweyn oo ay ka soo jeedeen. Waxaa u joogay 17 Carruur ah, rag u badnaa, oo uu haween kala duwan ka dhalay. W shaqo ah Canshuur ma haysan, waxaa ayna noloshiisu tiirsanayd walaalkiis Xaraare lacagta uu Maraykanka u soo diro, isagaas ayuuna ku tiirsanaa tan iyo intii Mareykanka aaday.

Xaraare, culays weyn ayey ku noqotay Masruu reer Canshuur, markaas buu waxa uu go’aansaday, in carruurtiisa wax u baro, si markii ay wax-bartaan ay reer u kabaan. Waxa uu geeyey Iskoolaadka Baladweyn halkaas oo ilaa Sagaal ka mid ah carruurtii uu ka bi: jiray wax-barashada.

Wiilka carruurta walaalki ugu weynaa, waxaa u keenay Kenya, waxaa uuna ku daray Kulleej ku yaall Gaarisa, isaga oo waxa uu u baahdana ka kal-kaali jira Wiilkaan oo la yiraahdo Gaboobe, ayaa dadaal dheeri muujiyey, waxaa uuna muddo kaddib, si wanaagsan dhammeystay Kulleejkii.

Gaboobe waxaa uu ahaa wiil dadaal badan, wax uuna ka keenay dhibco aad u sarreeya Imtixaankii u

++

dambeeyey ee Kulleejk. Adeerkiis Xaraare, markii uu ogaaday, dadaalka wiilka iyo dhibcaha sare ee uu keenay, runtil aad buu u farxay, waxaa uuna xaqiijiyey in hadafkiisii qeyb muhiim ah uu ka gaaray.

Xaraare ayaa markaas go’aansaday, in uu Gaboobe Wax-barashadiisii u dhammeystiro oo uu Jaamacad ku daro. Waxaa uu ku fekeray, in uu Nayroobi keeno, oo uu la uoolaado reerkiisa, dabadeedna uu ku daro Jaamacadaha Nayroobi, mid ka mid ah.

Xaraare taladaas ayuu qaatay. Waxaa uu u yeeray wiilkii Gaboobe ahaa, Waxaa uuna geeyey Nayroobi, isaga oo qol ka siiyey gurigisii, dabadeedna ku daray Jaamacadda Joma Kenyatta ee Nayroobi. Gaboobe, halkaas ayuu wax-barashadiisii sare ka bilaabay, isaga oo adeerkiis ka helayey wax walba oo uu uga baahdo wax-barashadiisa iyo noloshiisaba, waxa uuna Xaraare isa-saaray mas’uuliyad cuius iyo sidii uu wiilkaan Jaamacadda uga saari lahaa.

Maaddaama uu Xaraare maqan yahay, waxaa gurigii ku keliyeystay Xaaskiisa Amran iyo Gaboobe. Amran waa gabar aad u qurux badan. Waa gabar dheer, oo cad, oo dhan walbaba ka dhammeystiran, oo ninkii arka aysan ishiisu ka jeensan karin. Ma aqaan in ay Gaboobe ugu tala- gashay iyo in kala e, mar walba waxa ay ku labbisataa dhar xariir ah oo quruxdeeda bannaanka soo dhigaya.

Wiilkii Gaboobe ahaa quruxdii gabadha ayuu la indha-daraadaray, waxaa uuna bilaabay in uu mar kasta qisho. Waxa uu aad u fiir-fiiriyaa, oo uu aad u jecel yahay marka ay gurigiisa soo galeyso, oo ay cuntada u keeneyso. Gabadha lafteedu wax baa juq yiri, oo wiilka in ay la had- hadasho, oo la kaf-kaftanto waxa ay jeceshay, taas oo Gaboobe laftiisii aad u soo jiidatay.

Ayaan haddii la isla qosqoslayey, isla markaasina hal me oo aysan carraur mooyee qof kale uusan joogin, lagu wa noolaa, waxa ay arrintii isu-beddeshey jacayl uu Shayda gar-wadeen ka ahaa oo labadoodiiba isku si u maasheeye Mar walba, waa la isku mashquulaa, isku qol ayaa wada fariistaa, waa la wada sheekeystaa, xitaa marar qaar, waa la wada fara-ciyaaraa.

Amran iyo Gaboobe waxa ay hawshoodii mar dambe isku beddeshey sidii nin iyo naagti, oo sariirta jii inta la isla tago, ayaa sida loo ciyaarayo Maalin 1 Habeenkiiba ‘bashta’ la iska guraa.

Gaboobe, waxa uu galay nolol kale oo qurxoonaatay. Waxa uu la nool yahay reer aad loogu qabo. Cuntada nooc-ba-nooca ah ee la siinayo, guriga si qurux badan loogu hagaajinayo, dharka hadba caynka ee magaalada looga soo iibinayo, Biilkii reerka oo waxa u rabo uu ka qaadanayo, oo midda Adeerkiis u soo diray ay u dheer tahay, Shahwada uu daqiiqad-daqiiqad isa geddinayo, ayaa inta bishay, oo ‘labac’ noqday, aye ganacyo ka soo bexeen!

Xaraare, isagu Mareykanka ayuu Habeen iyo Ma ka xammaalaa xarunta Kambuyuutarrada IBM ee New Yor Waxaa uu ka shaqeeyaa Bakhaarka Kambuyuutarrad waxaa uuna dhabarka ku qaadaa Kambuyuurrada gawaarida xammuulka ah saaraa. Maalintii waxaa u shaqeeyaa 12-saacadood, oo uu xammaaligaas ku jira Saacadaha dheeriga ah, waxa uu u shaqeeyaa, w kaabidda Reerkiisa, Reeraha walaalkiis, wax-barasha carruurta walaalkiis iyo wax-barashada qaaliga ah ee u dhiganayo wiilka uu Adeerka u yahay ee Gaboobe.

Xaraare, qofka ugu badan ee uu waco, waa wiilka Adeerka uu u yahay ee Gaboobe, waxaa uuna ka wareystaa wax- harashada, isaga oo siiya talada ah, sidii uu meel uga soo bixi lahaa ee uu aabbihiis iyo isagaba u kal-kaali lahaa Mustaqbalka.

Waxa uu ilaaliyaa Maankiisa, oo xitaa lacag uusan codsan ayuu u soo diraa Gaboobe. Waxaa uu ku dhiirri- geliyaa, wixii uu kari karo: talo, maal iyo moodba.
Xaraare, waxaa kale uu ka dhigay Gaboobe mas’uul reerka ka war-qaba xaaladdooda oo dhan, haddii ay ahaan lahayd dhanka caafimaadka, wax-barashada, nolosha iyo waxa reer u baahan yahay oo dhan. Waxaa uu marar badan u soo faraa Xaraare wiilka uu adeerka u yahay, in uu reerka gee-geeyo meelaha Dalxiisyada loo tago, si ay reerku ugu soo nafisaan, isaga oo lacagta Dalxiisyadana, isaga si gaar ah ugu soo aaddiya.

Xaraare, kama war-qabo wiilka uu Adeerka u yahay, in uu reerkiisii nin u yahay, oo xaaskiisii uu iskala baashaalo. Ma oga, in Gaboobe uu noqday wiil loo xil-qabo oo biilka reerkaba sida uu doono u isticmaala. Lama socdo Xaraare, in lacagaha uu ugu tala-galay Dalxiisyada ee uu u soo diro, uu isaga bataasho, maaddaama uu gacanta ku hayo reerkaba, oo uu og yahay in aanan waxba loo raacanayn.
Maba ka war-heyn, in ay Amran baratay xaalka Nayroobi, oo ay ku dhaqanto odhaaha caanka ah ee ah “Adna Biilka adna Bustaha”, taas oo ay ku dhaqmaan dumarka imaan-beelay oo dhawrsan waayey oo Nayroobi inta raggoodii uga tagaan, lacag badan oo Masruuf ah u soo diraan, oo inta lacagtaas iyo barwaaqadaas iyo qabawga Nayroobi isugu darmaday, hoosta ka waashey, dabadeedna yeesha saaxiibbo ka shaqeeya, inta uu ninku

++

ka maqan yahay. Jinni dhifseyda Amran ah, dumarkeeda ayey gees ka raacday.
Wallaahi, iyadana dhibkeeda ayey leedahay, na iska nimceysan oo lagamaqan yahay Sannad dhan!

Ogow, wixii Shaydaan uu fidnaynayo, wax u macaan waxaas lagu fidnaynayo ma jiraan, markaas b Amran aad loogu maceeyey Galmada Gaboobe, oo ays wax yarba moogaan karin, waxa ayna Galmadaas qaadday jacayl waalli ah oo ay u sii qaadday Gaboobe. Is’ naag uu u Galmoodo, waxaa ugu horreysey Amrane, w uusan wehgiis hehn ayuu arkay, markaas buu si Quraanjo Sonkor aragtay mar kasta Amran tafta haysta

(Ogowna, Galmadu waa sheyga ugu muhiimsan haga Jacaylka. Haddii ay labada qof mid walba aad ty aad uga maqsuudo kan kale Galmadiisa, waa hayaan gu, dhigga rasmiga ah ee Jacaylkooda).

Xaraare, ma ogayn laftiisu, waxa ka dhalan ka laba qof oo Gayaan ah oo meel la isugu geeyey. Laaki dhaqankii hore ee Soomaalida ayuu haystaa, oo kai dhaadhacsana in wiilka uu adeerka u yahay ee uu biilo naagtiisa haweysan karo. Ma ku fekerin in ay Amran wiil uu adeerka u yahay wax ka dayi karto. Dhaqankii her tyo xishoodkii iyo is-qaddarintii ayuu u qabaa in ay w jirto!
Waatii ehelka oo dhan is-dhex degganaan jireen, misena la kala gabban jiray, oo aanan la is eegi jiri Haddii se uu xaalka casriga ah la socon lahaa, sidan w ma yeeleen ayaan filayaa.

Dhawr jeer ayuu Xaraare yimid magaalada Nayroo si uu reerkiisii iyo wiilkii adeerka uu u ahaa xaalkooda u

++

soo war-doono, markaas buu arkaa reerkiisii oo liibaansan, oo barwaaqo ay ka muuqato iyo degganaan. Waxaa kale oo uu arkaa wiilkii uu adeerka u ahaa, oo si fiican wax u barta iyo isagii oo inta naaxay kala baxay, oo quruxdii ka hadatay! Markaas buu Xaraare u duceeyaa Amran, sida wanaagsan ee ay wiilka u nafaqeyso! Farxad iyo jawi wanaagsan ayuu dareemaa inta uu joogo guriga, maaddaama sidii uu rabay ay wax u socdaan.

Xaraare, hal arrin waa la yaabaa, taas oo ah, in aysan Amran soo wic-wicin waayadan, sidii uu Gaboobe guriga u yimid, maaddaama ay aad ula soo xiriiri jirtay waagii hore, laakiin ayaantaan isaga un baa waca, oo iyadu taleefoon uma soo dirto. Waxaa taas uga daran, waagii hore imow ayey dhihi jirtay, waayadan imaanshihiisa ma danayso.

Mid kale oo yaab la-noqotay waxaa ay ahayd, marka uu soo waco ama ay wacdo oo ay wada hadlayaan, laleefoonka in ay ku nafisaan ayey danayn jirtay, laakiin hadda maya! “Maxaa soo kordhay?” ayuu marar is weydiiyaa, laakiin haddana inta Sheydaanka iska naaro, ayuu xammaaligiisii iska sii wataa.

Ayaan dambe ayuu – sidiisii – inta yimid, waxa uu reerka la joogay muddo kooban, dabadeedna, waxaa uu isaga laabtay Mareykanka. Isaga oo maqan muddo lix bilood ah, ayey maalin Amran soo wacday, waxa ayna u sheegtey in ay Uur u qaadday! Waa u malaysan waayey, sababta ay Lix bil kaddib ugu sheegtey in ay Uur u qaadday! “Waa heer sare”, ayuu markaas ku yiri.

Xaraare, kolkaas ayuu dib-u-fekeray. Xisaabaad badan ayuu isku dhufsaday, waxaana shaki weyn ka galay, in uu Uurkaas leeyahay, waxaa uuna go’aan ku gaaray, in uu sugo inta ay dhalayso, isaga oo isku fiirinaya xilliga uu

++

ka soo tagay iyo xilliga ay dhalayso. Taako-taako a] arrintii Uurka ula socday, marka ay dhashayna, waxaa xaqiiqawday, in Uurkaas uusan lahayn, ayna qaadd markii uu baxay kaddib! Xaraare kolkaas buu waxa uu t ku goostay, in uu arrintaas baaro, marka ay dhashana yimaado Nayroobi.

Amran iyo Gaboobe kama qasna iyaga, baashaalkii adduunka ayey ku jiraan. Waagii hore Uur waa la iska ilaalin jirey, oo Cinjir iyo Farsamooyin k ayaa jiri jiraye, laakiin Uurkaan hadda yimid, isku far baxsi aan horay looga fekerin ayuu ku yimid, isagana, si ay ku tashadeenba, waxaa loo saariyey odayga reerka.
Markii ay dhashay Amran, oo ay gabar ka s tuurtay, oo ay markaas sannad joogto, ayaa waxaa yii ninkeedii Xaraare ahaa. Iskama dhigin nin dhiillaysan reerkiisii ayuu sidiisii hore bashaashnaantii i degganaantii ula soo dhex-galay. Waa nin ay wax maankii ka guuxayaane, waxa uu ku soo tashaday, in uusan de degin, oo uu si tartiib ah ku ogaado, halka reerkiisii F soo galay.

Inta uusan meel kale wax ka raadin-ba, waxa uu fiican u eegey gabadha yar ee u dhalatay ee ay Amran bixisey Saaqo, mise waa Gaboobe oo meesha taag Dhanka walba oo uu ka eegaba; Mijaha ilaa Made meelna kuma kala duwana. Xitaa Far yar oo Gaboobe F yaradiisa midig ka laalaadda waa leedahay!

Keligiis ma ahane, qaraabada Amran iyo Xaraare soo booqata Amran, ayaa arkay in gabadha ay u egtah Gaboobe, markaas bey waxa ay dhahaan “Alla, Amran ay ku wallacday Gaboobe, markaas bey Saaqa u ekaat Gaboobe”.

Xaraare, waa fekeray, oo waa fekeray, waxaa uuna is- weydiiyaa waxa uu arrintaan ka yeeli lahaa. Wax badan ayuu tolooyin rog-rogay, oo ay ka mid yihiin; in uu mar cayriyo Gaboobe, in uu mar furo Amran, in uu Amran dhoofiyo iyo talooyin kale oo badan.

Sidii uu u fekerayey, ayaa waxaa ku soo dhacday talo ahayd, in uu Gaboobe waddanka Indiya uu u diro, sannadka Jaamacadda uga hareyna uu ku soo dhammeysto Indiya, uuqa taageero ilaa uu Mastar iyo PHD ka dhiganayo.
Taladaas ayuu qaatay, waxaa uuna ula tagay Gaboobe, isaga oo taladaas meelo badan oo faa’iido ah uu ka tusinayey, ayuu ka dhaadhiciyey Gaboobe, taas oo uu Gaboobana isaga oo kohsanaya iska qaatay, maaddaama ay dhib ku ahayd Jaamacad uu saddex sano dhiganayey, in uu ka tago iyo in uu ka dheeraado Amran oo uu aad u jecel yahay, nolol iyo raaxana uu ku haysto.

Dhanka kale, Amran ayaa markii ay ogaatay Gaboobe in la dirayo, bey Xaraare ka codsatay, in uu wiilka iskala joogo, oo wax-barashadiisa ku dhammeysto Nayroobi, ciddana iska weheshato, kolkaas bey u sii caddaatay, in ay Amran arrintaas wax kale u weheliyaan.

Saddex setimaan gudahood-ba, waxaa uu u helay dal-ku-gal (Visa) wax-barasho, waxaana Gaboobe loo diray i waddanka Indiya, halkaas oo uu Jaamacad ka helay, oo 1 laba sano oo dheeraad ah ay ku qaadatay in uu ku dhammeeyo Shahaadada Koowaad ee Jaamacadda. Markii uu dhammeeyey, ayaa waxaa la soo hadlay Xaraare, oo misena kula taliyey in uu Shahaadada Labaadna diyaariyo, taas oo uu isna aqbalay, waxa ayna ku qaadatay laba sano oo kale. Markii uu idleeyey, ayaa adeerkiis ku cadaadiyey

++

in uu PHD-na ku daro, taas oo ay Gaboobe ku qaadat Shan Sano oo kale.
Markii uu India wax-barasho u joogay Sagaal S< ayaa adeerkiis waxa uu u sheegay, in uu dhoofinayo, w< uuna adeerkiis ka war-sugayey ilaa Shan Sano oo kale, uu halkaas adeerkiis ugu soo diri jiray Masruuf joogta

++

Adeerkiis dhoofid lama rabine, “Hadba Khad-dhoo baan kuu xaraynayaa”, yuu ku yiraahdaa, markaas b ayaan kaddibna ku dhahaa “Waa iga hallaabay ee sug kale ayaan xareynayaaye”. Maaweelo ayuu meesha wiil ugu hayaa!

Dhanka kale, Xaraare, markii uu baxay Gaboo waxaa uu guriga keenay gabar eeddadiis dhashay, oo yiraahdo Suubban, isaga oo ka codsaday hal shey oo keli” Waxaa uu ka baryey, in gabadha yar ee Saaqa loo bixiy ay nolosheeda ka shaqeyso. Waxa uu u sheegay, in uu soo dirayo lacag aysan la ogayn Amran, oo ay gabadha ku siiso cuntada nafaqada leh ee carruurta sida wanaags u koriya.
Marka uu arrintaas ka dhaadhiciyey Suubban, a] Amrah u sheegey, in ay Suubban guriga ku noolaanays una keenay in ay shaqada guriga kaa saacidays korriimada Saaqana kala qeyb-qaadanayso.

Xaraare, mar walba waxaa uu lacag u soo dir Suubban, waxaa uuna ka codsadaa, in ay siiso Saaqo, dhe walba oo si dhaqso leh u korinaysa.

Suubban, aad bay ula yaabtaa sababta uu gabadha korriimadaas deg-degga ah ula rabo, laakiin misena wax ku sheegto inta aqoon weydo, ayey shaqadeeda qabsataa.

Suubban taladii waa yeeshey, waxa ayna bilawday in ay gabadhii wax walba ku daldasho. Wax yaalaha cuntada fura inta siiso, ayey nafaqo isugu jirta kuwa ay samayso iyo kuwo ay dukaamada ka soo iibiso, saacad-saacad ugu habtaa, markii ay waynaatayna, ugu daldashaa.

Xaraare qudhiisu intaas ugama hara e, xitaa Maraykanka ayuu alaabo nafaqo ah oo korriimaha ilmaha si deg-deg ah uga qeyb-qaata, uga soo diraa Suubban, taas oo iyaduna ay ku qulaamiso Saaqo.

Gabadhii Saaqo ahayd, waa gabar wakhti iyo lacag la geliyey korriimaheeda e, maalin-ba maalinta ka dambeysa, si dhaqsi leh ayey u kortaa. Markii ay Shan Sano jirtay, waxaa ay joog iyo muuqba la sinneyd carruurta 7-jirrada ah. Markii ay 11-Sano jirtay, ayey inta baaluqday oo dhiiggii Caadada keentay, ayaa marka muuqeeda la arko, loo maleeyaa 15-jir. Gabadhii inta qoor noqotay ayey 15- jirkeedii u ekaatay 18-sano, oo misena qooq xun galay, oo la arkaa iyada oo hadba hoos xog-xoganaysa.

Xaraare, maantii uu diray Gaboobe ayuu iskaga dhoofay Nayroobi, dib dambana uguma soo laaban Nayroobi. Reerkiisa ayuu si wanaagsan u biilaa, waxa uuna u sheegaa Amran, in uu imaanayo mar walba. Waxaa uu sidaa oo kale ku madadaaliyaa, in uu dhoofinayo Amran, oo uu Khad u xareynayo, taas oo Amranna qalbiga u sii qaboojisa.

Xaraare, waagaas-ba, go’aan buu ku gaaray in uu Furo Amran, waxaa uuna gabar kale oo aysan ogayn Amran iyo cidihiisuba ku guursaday Magaalada Qaahira ee Carriga Masar. Waxa ay ahayd gabar wadaad ah, oo uu siiyey nin ay isla dhasheen gabadhaas, oo ay Xaraare saaxiib ahaayeen, oo ay isla joogaan Mareykanka.

Markii ay Saaqo 15-sano gaartay, ayaa odaygii Xara ahaa, waxaa uu go’aan ku gaaray in uu siiyo wiilkii adeerka u ahaa ee uu India ku maaweelinayey 14-ka S« Inta Xaraare yimid Magaalada Nayroobi, ayuu waxa uu yeeray Canshuur oo ahaa Gaboobe aabbihiis magaal Baladweyne iyo Gaboobe oo muddo dheer joogay India.

Markii ay Nayroobi wada yimaadeen, ayuu ma< Xaraare waxaa uu u wacay labadoodii (Canshuur Gaboobe) iyo odayaal qabiilka ah, waxaa uuna u sheeg in maanta uu doonayo in uu isku daro wiilka uu adeerk yahay oo Dugsiga Hoose iyo ilaa PHD uu wax ka bixinay iyo gabadhiisa yarta ah ee Baaluqday ee Saaqo.
Aad bay odayaashii shirka u farxeen, gaar ahaai Canshuur oo la yaabbay wanaagga walaalkiis. La< Gaboobe ayaa hoos u foorarsaday, oo arrintaas xumaaday, maaddaama uu wax og yahay. Cabbaar a] aamusnaa, markaas buu mar dambe, yiri “Adeerra-yaalo adeerkay wanaaggiisa iyo abaalka uu ii galay lama qiya’ karo, aabbahay iyo isagu waa isugu kay mid, Saaqi walaashey oo kale ayey la mid tahay, oo hunguriba ig< geli karo”.

Isaga oo aan hadalkii ka bixin, markii uu intaas ayaa waxaa soo booday, oo af-duubay aabbihi Canshu oo yiri “Walaal, Xaraare, dhib ha u qaadan arrintaas, w wiil yar e, gabadha wiilka ku meheri”.

Wadaad meesha fadhiyey ayaa Saaqo iyo Gaboobe oo gaar ahaan aan raalli ka ahayn guurka meeshii iskula meheriyey.

Xaraare, intaas kuma ekaane, isla markiiba guri a^ u diyaariyey ay ku aqal-galaan Gaboobe iyo Saaqo. Halka baa waxaa ka dhacay aroos gaaban.

++

Wax awalba fidneysan ayey ahaayeene (Gaboobe iyo Saaqo), oo dhiig iskuma diidine, halkii bay baayakhle ka hilaabeen. Isla habeenkii koowaadba, Saaqo Uur bay qaadday, waxa ayna qaadday mataano wiil iyo gabar ah. Sagaal bil kaddibba, waxa ay dhashay Wiil iyo Gabar mataano ah.

Wiilkii iyo gabadhii maatanaha ahaa, ayaa mucjiso lagu arkay rabbaani ah. Markii ay sannad jireen-ba, haddii la isku soo dhaweeyo, waxaa la arkaa iyaga oo inta isku soo gal-gasM, is koraya. Markii ay sii weynaadaan-ba, lama kala celin karo! Markii ay laba sano iyo dheeraad gaareen, baa ugu darneyd, oo dadka guriga soo booqda, ama markii meel reerku booqdaan, dadka hortooda isku fuula! Labadii eunug, haddii aan la kala hayn, iyaga ayaa shaqo iska dhigta, halka carruurta kale ku mashquulaan ciyaar!

Ninkii Gaboobe ahaa iyo gabadhii Saaqo ahayd, mucjiso ayaa soo food-saartay. Shaqo kale waa qabsan waayeen aan ka ahayn kala waardiyeenta carruurtooda. Sidii ay mucjisadaan u qarsanayeen, cid kasta oo soo booqata ama ay iyagu booqdaan ayaa aragta, taas oo markii dambe keentay, in aysan gurigooda dhaafin, cidnana aysan gurigooda keenin.

Dhanka kale, waxaa arrintaas ogaatay Amran, oo runtii markii horena guurkooda ka xumayd, markii dambana amarkaan ka naxday, oo meel ay wax ka qabato gar an la’ayd!

Amran qudheedu waxaa waayadan haysatay ibtilo kale, oo ay la cabbursanayd, taas oo ahayd, in uu Xaraare muddo dheer ka maqnaa, markii uu yimid ee uu isku darayey Gaboobe iyo Saaqana, aanan guriga imaan, oo uusan Amran, salaan mooyee, wax kale ugu imaan.

Markii uu isku darey Gaboobe iyo Saaqana uu i dhoofay. Lafteeda, waxaa u diyaarsanayd, in ay tolka dacweyso Xaraare, maadaama ay arrintaas u dul-qaa weydey.

Ma Mucjisadaas ayaa daboolmaysa? Arrintii laba cunug xaafadaha iyo dadkii oo dhan baa isku sheeg waxa ayna gaartay meel dheer. Gaboobe wax kasta w isku dayey, laakiin ma uiranuur samada laga wado a wax ka qaban karaa!

Markii uu si uu yeelo garan waayey, oo in uu waas ku dhawaaday, ayuu waxa uu maalin ku fekeray arrintaan Qoyskiisa uu la-wadaago. Aabbihi ayuu inta xiriiray buu u sheegay qarracankii heystay, isaga si sax wax walba uga warramay, una sheegey in adeerki Nabsi uu ka galay laga jarayo.

Arrintii shaac ayey noqotay oo meel walba ay gaartay, waxa ayna ku keentay weji-gabax dhamma qoysaskii iyo gaar ahaan Amran.

Gaboobe cafis gaar ah ayuu adeerki ka dal-bada waxaana arrintii loo ban-dhigey Culimo, taas oo ay I taliyeen, in uu Saaqo far aha ka qaado, labada cunugna la qaaradood la kala geeyo. Sidaas baana la yeelay.

Isla xilligaas ayuu Xaraare-na shaaciyey furiir Amran, kana qaatay Ilmihiisii, waxaana waa dambe sheegi jiray, Amran oo inta haad u bixi waayey meek wareegta, Saaqo oo suuqa horay u gashay iyo Gaboobe Cilmigii uu soo bartay, inta ‘barako-ma-le’ noqdey, sidii shaqo u raadinayey inta waayey, markii dambe inta balw yeeshey, ku biirey kooxda Nayroobi caanka ah ee 1 yaqaan ‘Laa-Mushkila!

NABSIGH AMAAL KU DHACAY

Amaal, markii ay is-barteen Caynab, waxaa ay isla dhiganayeen Jaamacadda Soomaaliya ee Xamar ku taalla. Isku fasal ayey ahaayeen, waxaa ayna isla baranayeen Kulliyadda Maamulka iyo Ganacsiga. Waxaa ay ahaayeen laba arday oo isugu wanaagsan, casharrada ku wada ceshada, is-kaashada, oo aysan u dhaxeyn sir hoose oo Caashaq, laakiin mid weliba uu goonidiis saaxiib Caashaq u leeyahay.

Markii la gaaray Sannadkii Saddexaad ee Jaamacadda, ayaa gabadhii Amaal ahayd, waxaa ku kacay jacayl ugub ah oo ilaa ayaan ay uurka ugu heysay Caynab. Waxaa ay ka soo go’day dhallintji kale ee ay saaxiibbada la ahayd, lana wadaagi jirtay arrimaheeda Caashaq. Caynab, keliya ayey isku soo koobtay.
Laakiin, Amaal, dhibka haysta, lama wadaagto jacaylkaas wadaayga fasalkeeda. Waa u muujisaa, laakiin isaguna waxaa uu u gartaa, in ay wanaag iyo xurmo ka tahay, soo dhaweyntaas ay tusiso iyo hadallada macaan ee ay wayadan kula hadasho.

Amaal, waxaa kale oo dhib ku ahaa, gabar la yiraahdo Canab, oo aad u jecel Caynab, isna jecel yahay, taas oo ay u aragto, in ay caqabad ku tahay, soo jiidashadeeda Caynab. Waa laba qof oo isaga horreysey, oo si ay u dhex-gasho ma taqaan, oo ay u kala haatiso, laakiin mar ay la tashatay, gabar ay saaxiib ahaayeen, derisna la ahayd, oo laakiin aan Jaamacadda dhigan, ayaa u sheegtey sir ay gabadhaas ku seejin karto Caynab.

Waxaa ay gabadhaasi taqaanay Islaan ‘Wax-sheeg’ ah, oo xaafadda ay degganayeen ee Xamar-Weyne, meel ay ku fooxiso ku lahayd.

++

Islaantii bay u tageen, arrintiina Amaal waa ka warrantay, markaas baa Amaal la-faray, in ay sacab did oo ay islaantaas siisey, ay Kabaha Canab ugu shub marka ay fursad u hesho. Ciiddii ayey Amaal faraqa ku s xiratay, markii ay khidmaddii Fooxisada iska bixisay.

Sidii ay ciiddii u wadatay, oo ay fursad gaadaysey, ayey maalin heshay Canabtii oo Salaad Duh’ ku tukanaysa Jaamacadda dhexdeeda, markaas bey laba Kabood – inta shanta gees iska eegtay – ciiddii u shubtay.

Canab, markii ay Salaaddii ka baxday, ay Kabaheedii is-tiri gasho, mise markii ay gashatay-ba ci baa ka buuxda. Inta ciiddii Kabaheedii ka firdhisey, ay gashatay, kolkaasna horey u dhaqaaqday.

Canab, sixirka loo sameeyey ‘Kab-tuur’ ayuu ahaa maalintaas ayaa Jaamacadda ugu dambeysey Cana muddo yar kaddib-na, waaba ka tagtay Xamar, oo wa ay, iyada oo aan waalidkeen la ogayn u tahriibtay Yaman.

Amaal, markii ay Kab-tuurtay Canab, ayey keliyeysatay Caynab, markaas bay u dhigtay shax ay soo jiidato. Sidii ay hadba meel uga soo galaysey, waa soo dhawaadey Caynab oo ay dhaaftay Canabtii uu jecl oo meel uu raaco garan waayey.

Amaal, waxaa ay ugu dambeyntii gaartay – ma aqa waxa ay samaysaye – in ay jacayl ku abuurto, oo uu dambe, indhihiisa ka jeclaado. Sidii jacaylka la isk waday, ayaa markii Jaamacaddii la-dhammeeyey, la i guursaday.

Caynab, shaqo ayuu helay, oo reerkiisa cusub ayuu wanaagsan u masruuftaa, Amaalna, guri-joog ay noqotay, qabata hawlaha guriga lyo u-xil-heynta ninkee Caynab.

Maaddaama ay guriga keligeed ku tahay, isla markaasina Caynab shaqada sida uu subixii u galo, uu makhribkii yimaado, ayaa Amaal u baahatay Internet ay ku madadaalato, oo ay ehelkeeda iyo saaxiibbadeedba kala xiriirto. Caynab, rabitaankii Amaal waa fuliyey, waxaa uuna guriga ugu soo xiray Internet.
Amaal, marka ay hawlaha guriga ku mashquulsan lahay mooyee, marar kale Internet-kaas ayey isaga madadaalataa, oo ay asxaabteeda kala xiriirtaa, asxaab kale oo cusubna, ay iska bartaan.

Sidii ay Intemet-kaas u isticmaalaysay, oo ay Facebook-geeda Online uga ahayd, ayaa waxa ay is-barteen wiil isna Xamar jooga, oo la yiraahdo Rooble.
Wiilkaani waxa uu ahaa wiil aad u isticmaala Facebook-ga iyo Baraha kale ee bulshada, isla markaasina sheeko-xariir ahaa, oo gabdhaha shabiya. Waa wiil Muqayil ah, oo maqaafaad ah, oo wax uu xumeeyo mooyee, aan bar wanaagsan lahayn.

Markii uu helay Amaal, ayuu sheekooyinkiisii inacaanaa u saaray, markaas buu gabadhii, muddo yar qalbigeedii lulay. Facebook-gii, inta la is kala tagay ayuu gabadhii baray Whatsup-ka iyo Viper-ka, markaas baa halkaas si toosa la is kala sheekeystaa.

Markii dambe, inta taas la isla dhaafay, ayaa waxa ay bilaabeen, in ay isa soo booqdaan, oo marna uu gurigeeda yimaado, marna ay kiisa tagto. Marka la isku yimaado, Af- Soomaali keliya lama wada e, haddii loo baahdo, waa la isku xaabiyaa, markaas-baa – waa wax Shaydaan wato e – Amaal ka heshaa raaxo macaan oo qanjaha gaarta, oo uysan ka helin galmo-daalka Caynab.
Sidii Jacayl uusan Caynab ka war-qabin, ay naagtiisii ula wadday wiilkaan, ayaa markii dambe, Rooble ku soo

++

qaaday Amaal, in ay is-guursadaan, oo ay iska fur Caynab, isla goortaas ay is-guursadaanna, ka dhoofa Soomaaliya, oo inta tahriibaan, Yurub isla galaan.
Amaal arrintaas heer sare ayey la noqota maaddaama ay Yurub aad u rabtay isla mar ahaantaas’ jacayl waalli ah u qaadday Rooble, maaddaama uu candho weynaa, kana yaqaan Caynab hababka galma casriga ah. Kama waaban in ay yeesha e, isla markiiba, w soo dhaweysey, waxa ayna weydiisey sida ugu fudud ee kaga takhalusi karaan Caynab.

Feker dheer kaddib, waxaa lagu tashaday, in Ama kulleetiga Caynab iska laalaadiso, dabadeedna tiraahdo fur”, haddii uu diidana ay gogol dhigato, ayna tolkeeda sheegto, in uusan Caynab gogol ahaan qanein karin.

Sidii baa la yeelay, oo Amaal subixiiba inta gorodd iska laalaadisey Caynab ayey ku tiri “I dhig saaxiib, o madaxayga i sii”. Ninkii Caynab ahaa waa ka yaaba arrintaan ugubka ah ee ay la timid Amaal. Dhawr jeer bu damcay, in uu dejiyo, markaas bay ka diiddaa, oo int ‘Saar’ isku riddo, qeyladeedii deriska oo dhan ku so baxaan. Markii u dul-qaadan waayey, ayuu ka cararay.

Caynab, waa garan waayey waxa ku dhacay Ama< iyo halka laga soo maagay. Waa fekeraa, oo fekeraa markaas buu waxaa uu is dhahaa “Armaad gabadha dhanka dhaqaalaha ku yareysey”, markaas buu waxa u habeenkii xigey u keenay 1000 Doollar, oo uu soo deyntay oo xaal marin iyo is-dejin ah. Inta ka qaadatay, o saaxiibkeed u dhiibatay, ayey laba beri kaddibba 1 hadashay ciddeedii oo u sheegtey, in uusan Caynab waxb dhaamin. Odayaashii ciddeeda ahaa ayaa u yimid reerl Caynab, oo arrintii u sheegey.

I (do fara ka baxday! Ma gabar tiri, ninku waxba ima dhaamo ayaa war kale u yaallaa, in la furo mooyee. Inta loo tagay Caynab, ayaa tolkiisii ku yiri “Iska fur gabadha, waa kaa soo ashtakootee, oo waxba kama tari kartide”.

Inta naxay, oo naxay, oo wax uu sameeyo garan waayey, ayey dantii keentay, in uu ugu dambeyntii madaxeedii siiyo, isaga oo ka xun furriinkaas iyo weliba liadalka xun ee beenta ah ee ay gabadhaas suuqa u gelisay. Wax uu sameeyo ma aqoone, inta hoos ka inkaaray, ayuu iska samray.

Ayaan kaddibba, Caynab waa iska guursaday, waxaana Alle ugu beddelay gabar wanaagsan oo raalliyo ah, waxaa uuna galay Barwaaqo isaga oo Eebbana siiyey I Jbad badan.

Amaal, mar Canab ayey sixirtay, oo ay dhaafsiisey Mustaqbalkeedii. Mar, kolkii uu u soo xero-galay Caynab, si wanaagsan ayuu u dhaqanayey, wax walba oo maankeeda ku soo dhacana kama waayi jirin, waana kan madax-iyo- mijo Dahab iyo Lulu’ ka May isla markaasina dejiyey guri weyn oo ay Amaal naagaha oo dhan ugu faanto. Mar labaad ayey dambi kale ka gelaysaa wiilkaas miskiinka ah ee Caynab. Ma oga sida Bini-Aadaminimada ka ba?csan ee ay Aadanaha u lug-goynayso, in uu Rabbi ku eeganayo, oo maalin iyana lagu salladi karo mid sidaas si ka daran u gala!

Markii la fur ay Amaal, ayaa iyada oo faraxsan, waxa ay u tagtay saaxiibkeed, markaas baa, inta xoogaa la raaxaystay, laga tashaday sidii ay jacaylkooda u hormarsan lahaayeen.

Amaal waxaa ay, codsatay, in ay is-mehersadaan, taasina dhib uma arag Rooble e, Shiikh iyo laba Shuhuud ah ayuu soo kaxaystay, oo xoogaa inta laga baxay

++

Muqdisho – maaddaama uu aabbeheed joogay – markaas isa soo mehersaday. Rooble ma dhisane, waa iska qud sira e, Amaal reerkeeda ayey is kala sii noolayd.

Markii muddo bil ah la is-qabay, ayaa lagu tashac sidii loo tahriibi lahaa. Waxaa la isla soo qaaday, halka aadayo, oo ah Liibiya, lacagta loo baahan yahay iyo well halka la marayo. Waxaa la isla gartay, in wax lacag ah 1< hayo 1000 Doollar oo ay Amaal ka soo qaadday Caynab, 200 oo ka mid ah uu Rooble ku qayilay. Waxaa kale, oo isla sheegey, in uu Rooble lacag 500 Doollar keenayo, iya oo ay Amaal-na sheegtey in ay haysato Dahab qiime la’ 1500 oo Doollar, oo uu waa hore u gadey Caynab.

Lacag dhan 2800 oo Doollar oo ay 500 Doollar be tahay, oo sheegid mooyee uusan Rooble hayn, ayaa la i qiray in la hayo. Lacagtii ay keentay Amaal, waxaa 1 dhiibay Rooble, maaddaama uu isagu yahay odaygii reerk
Markii ay lacagtii isku keeneen, ayaa setima gudihiisba la baxay, iyada oo aysan Amaal waalidkeed socodsiin bixitaankeeda. Xamar baa laga baxoo, ilaa i; Addis-Ababa, waa la socday. Markaas baa inta Addis-Aba’ laga baxay, waxaa la tagay Suudaan.

Markii Caasimadda Suudaan ee Kharduum la-gaara ayaa Rooble u sheegey Amaal in ay lacagtii go’i rabto, 1< sii wadi karin socdaalka, in lacag kale la helo mooye Markaas buu waxaa uu ku yiri “Abbaayo, adna dadkaa waco, anna kuweyga ayaan la-hadlayaaye, si lacag a safarkeenna ku sii wadanno aan u helno”. “Waayahay” ay tiri.

Kolkaas bay wacday, laba gabdhood oo walaalahee ah, oo Canada iyo Italia ku kala noolaa. Taleefoonkee waaba ku naxeen, oo muddo ayaa la raadinayey, oo dal-iy dibed meel ay qabatay la goobayey.

Inta ku farxeen maqalkeeda, ayey u ballan-qaadeen in ay safarkeeda inta ka harsan ay ka bixinayaan, maaddaama ay intaas iyadu isa soo dabbaraysay. Waxa ay u soo direen r>()00 oo Doollar, waxa ayna ku dheheen, “Amaal intaas ku sii jid-mar, meesha ay kaaga go’dana nala soo xidhiidh”.

Markii ay u soo direenba, waxaa ay u dhiibtay Kooble, oo aan isugu wax lacag ah helin, cid uu u cid- dirsadana aan haysan. Lacagtii inta ka qaaday, ayuu waxa uu ku daray lacag hore oo safarkoodii uu ka soo reebay. Waa laga baxay Suudaan, intii aysan gaarin Tripoli ee ( aasimadda Liibiya, ayaa waxaa dhex ku helay Magafe.

Ninkii Rooble ahaa isaga ayaa lacagta hayaye, waa la saayiray Magafe, waxaa uuna u sheegay, in gabadha ay xaaskiisa tahay, isla markaasina uu 2000 Doollar siiyo, oo isaga la siidaayo, gabadhana ay sii joogto, oo uu lacag u soo raadinayo badan. Gabadhii baa inta Magafe uu u tagay weydiiyey in ay tahay xaaska Rooble, markaas bey u sheegtey in ay tahay xaaskiisii. Laakiin Rooble lama wadaagin Amaal heshiiska uu la galayo Magafe.

Magafe, labadii Kun waa qaatay, Rooblena, waa fasaxay, isaga oo ku yiri “6000 oo Doollar waa in aad soo dirtaa, si aan xaaskaaga u siidaayo”.

Ninkii Rooble ahaa waa baxay, waxaa uuna haystay 2450 Doollar e, waxaa uu wax ka kireystay Doon ilaa Italia geysay. Sidaas buuna Yurub ku galay, waxaa uuna ugu dambeyntii iska dhiibay Norway, isaga oo weliba safarkiisii Xamar ilaa Norway aysan wax lacag ah uga bixin, oo uu ku dul-noolaa Amaal.

Gabadhii Amaal ahayd, habeenkii uu baxay Rooble, maalinteedii ayey ka war-heshay in uu ka dhuuntay. Arrintaas aad bay uga muraara-dillaacday, waana ka naxday, oo cidla-ciirsi la’ ayey hadda joogtaa. Lacagtii ay walaaleheed ka soo qaadatay, isagaa ku tagay, oo Shilin haysato.

Nimankli markii ay laba setimaan la joogtay, oo Rooble war ka waayeen ayey saf inta ka galeen kufsl bilaabeen, markaas bay sinihii kala dhil-qadeen. Waxa dani keentay, in ay walaaleheed Magafe la xiriirsiis markaas baa Magafe soo istaagay in 6000 oo Doollar siiyo, maaddaama ninkeedii uu lacag kale ku lahaa. Dan waxaa ay kalliftay, in ay lacagtaas bixiyaan.

Amaal waa la sii daayey, markaas baa lagu dar koox u socotay Tripoli. Markii ay gaartay halkaas ay Doon la helay, waxaana lagu yiri “Amaal keen 2500 o Doollar”. Walaaleheed ayey la hadashay, markaas bay u so direen lacagtaas. Nimankii Doonta lacagtii uma dhiibin kuwa dillaaley beenlawyaal ah ayey gacanta ka gelisay. Int lacagtii kala goosteen, ayey magaaladoodii gees ka galeen.

Meel ay u raadiso ma taqaane, walaaleheed ayey m< kale la hadashay. Markaasey misena lacagtaas oo kale soo jaf-jafeen. Sidii ay meelaha ula wareegeysey, oo lahayd lacagtaan Doon ha la igu saaro, ayaa qolo Doo iibsatay, ka qaadeen, lana ballamiyey xilliga ay Doont baxayso.

Habeenkii la bixi lahaa ayaa xanuun xun qabtay, o ay la-kiei weyday. Markaas bay u sheegtey qoladii Doonta, in aysan hadda bixi karin, oo xanuunka daran ee haya darti aysan Doonta qabin karin, iyada oo codsatay in lacagtii loo celiyo, si ay kuwa xiga ugu raacdo. Inta ballan been ah u qabteen ayey meeshii kaga tageen. Lacagtiina bixisey, Doontiina ka tagtay!

Walaaleheed ayey arrintii u sheegtay, kolkaas bey go’an ku gaareen in ay celiyaan, oo aysan wadi karin. Safaaraddii Soomaalida inta lala xiriirsiiyey, ayaa Xamar lagu soo celiyey, iyada oo sidii ay u rafaadaysay goomankii dhaceen. Kufsigii saf-marka ahaa iyo jir-dilkii iyo dhibaatadii uu Rooble u geystay ay maankeeda wax gaarsiiyeen.

Markii ay Xamar timid, ayey maalin, iyada oo dhex mareysey Suuqa Bakaaraha, waxa ay iska soo hor-bexeen ( aynab. Iyadu horay ayey ka garataye, inta ku soo boodday oo isku dhejisey ayey ku miyir-beeshay. Inta yaabay oo iska fujiyey ayuu weydiiyey qofka ay tahay, kolkaas ayey isugu sheegtey in tahay Amaal.

Inta irkigay oo u qaadan waayey, qofkaan sibaabmay in ay tahay Amaal, ayuu inta illoobay waxa ay ku dhigtay, buu ku yiri “Naa Maxaa kugu dhacay Amaal?”. Seyte “Alle Caynaboow, waxa sida tan ii galay, waa Nabsigii adiga iyo Canab aan kaa galay!”

Gabadhii Amaal ahayd inta aad u eegtey Caynab, oo aragtay dhogorta iyo xaadda korkiisa ka muuqata iyo sida ay noqotay, bay inta yara xusuus-gashay, waxaa isla markiiba indhaheeda ka soo butaacay Ilmo aan kala joogsi lahayn, taas oo ku adkaysay in ay la sii hadasho Caynab. Iyada oo hiqhiq lahayd, oo yara Boohin-hadlaysa ayey cod laciif ah ku lahayd “Walaalow Caynabow, waa iska Adduun iyo xaalkiis e, walaalow iska kay Cafi. Haddii aad taqaano Canab meel ay jirto oo aad xiriirtaanna Cafis iiga soo qaad, aniga ayaa inta falay Kabtuuraye”.
Inta ay hadalkaas ku barooranaysay, ayaa Caynabna, Xasuus-galay. Ma uusan ogayn in ay Canabna dhib u geysataye, oo hadda ayuu hadalkeeda ka fahmaye, inta is- heyn waayey ayuu hadal oo dhan ugu soo koobay “Amaal, adiga iyo Ilaahay baan isku kiin daayey”. Markii uu intaas yirina, inta ka dhaqaaqay ayuu uga tagay meeshii iyada oo taagan oo weli ooyeysa.

NABSIGII MACOW MUDANKIISA MARSIIYEY

Macow, waxaa uu ahaa will isaga oo markaas qa gaaray qurbaha tagay 1992-dii, gaar ahaanna mark muddo 17-sano ah ku noolaa waddanka Boqortooya Ingiriiska.

Waagli hore, wiil flican ayuu ahaa, oo wax barta waaridkiis jecel yihiine, xilli dambe, ayuu waxaa uu noqd wiil fadaq ah, talo-ka-bood ah, oo bardoodin badan.
Markii uu il-baxay, oo uu bartay dhaqanka wadd< iyo Dimuquraadiyadda, buu waxa uu goostay, in waalidkiis ka tago, maaddaama ay waanadoodu badatay, isla markaasina uu u arkay in ay caqabad yihiin magaalo-galkiisa.

Mar haddii uu waalidkiis ka tagay, wax-barashan waa ka jaqaafiyey. Sidii uu hadba saaxiibbo cusub samaysanayey, oo uu ula baashaalayey, oo uu bartay w walba, ayuu kolkii dambe u baahday, in uu shaqeysto uu noloshiisa dabbaro.
Cid kale ma biilo, waxna ma siiya e, wixii soo gal waxaa uu ku dhammeystaa tumasho, waxaa uuna gaar xilli uu dumarka kala bed-beddesho, oo hadba tuu doon uu gurigiisa keensado; Caddaan, Guduud, Madaw iy Soomaaliba.

Xitaa markii dambe, waxaa uu bilaabay m u gabdhaha dhallinyarada ah ee Soomaalida ah ee dhawrs< uu waxa uu shaqeysto inta ku soo xero-gashado, uu sum soo geliyo, dabadeedna uu dhumiyo.

Markii uu Yurub oo dhan cagta soo mariyey, oo si uu halkaas ugu bataashayey uu ciqda noqday, ayuu waaj dambe, waxa uu ka qash-dhacay gabdhihii Yurub joogay dhan.

Iwga oo maalin Mirfish ku qayilayey ayuu niman halkaas fmlhiyey, waxaa uu ka maqlay nimcada taalla Afrika iyo gabdhaha cosobka ah ee sida jaban halkaas looga helo. Anintaas ayuu baaritaan ugu dhaqaaqay, markaas buu waxaa uu soo arkay niman badan oo Sannadka kasta jnta Afrika aada oo gabdho badan soo baduuga.

Hawshaasi baraarug uusan ku jirin ayey gelisay, markaas buu waxaa uu bilaabay in uu gabdhaha Afrika jooga u soo dhigto.

Meesha keliya ee uu ka qaraaban karo waa Facebook- ga e, waxa uu bilaabay in uu gabdhaha Soomaaliya iyo waddamada Beriga Afrika ugu qoran yihiin Profile-ka I acebook-ga, in uu ku darsado, oo uu Facebook-ga kula saaxiibo.
Ma gabar wiil Yurub jooga la soo hadlayo ayaa Online kaga bixi karta, middii uu ka helo Facebook-ga, waa ka daba dhacdaa.

Ayaan dambe, ayaa waxa uu helay gabar Hargeysa ku noolayd, oo la yiraahdo Asli, oo markaas da’da 17-aad inadaxa kala sii baxaysay, dhiganaysayna Dugsiga Sare ee Nuradiin, fasalkiisa ugu dambeeyey. Facebook-ga ayuu ka helay, horey ayeyna iska barteen.

Gabadhii markii uu u sheegey in uu Ingiriiska joogo, isla markaasina uu danaynayo, ayaa gabadhii jawigeedii oo dhan is-beddelay. Waxaa galay Caashaq isugu jiray mid ay wiilka u qaadday iyo mid ay ku jeclayd waddanka Ingiriiska.
Asli, waxa ay ahayd gabar dhererkeedu meel dhaxaad yahay, weji qurxoon oo midab furan oo dhalaalayana lahayd. Waxaa ay ahayd gabar jir buuxda, oo

++

soo jiidasho saa’id ah lahayd. Macow, waxa uu ah dumar-yaqaane, waa nooca uu tooshka ku dayda Macow, isagu ma uusan lahayn muuqaal soo jeedasha lei oo gabari si deg-deg ah ugu qanci karta e, laakiin wax kaabayey waddanka uu ku nool yahay, oo qurux iyo qiii uusan lahayn sii saarayey.

Waayada tan, laba shay oo aysan dadkii hore qadda jirin ayaa dadka haatan nool aad u ixtiraamaan. Labada shay waa lacagta iyo Dhoofka. Haddii uu qofku lac haysto, iyadaa qurux iyo qiime iyo wax walba u ah, iyadaas ayaa lagu caabudayaa. Haddii uu dibed jiro, oo u waddamada Reer-galbeedka ee ‘dhaqan’ uu mid uun nool yahayna, dibed-joognimadaas ayaa looga dambeeya oo iyada ayaa bilic iyo heybad uusan lahayn saarta.

Miyaadan arag waxa gabar yar oo curdan ah, ho geeyey oday lac-lac ah oo aanan dhareerka ceshan kariri Miyaadan u fiirsan, waxa gabar xuurul-ciin ah u garraarka ku dheggan yahay mid joqof ah oo Wariiri u Ma aadan maqal miyaa wiil yar oo jalaqsan oo Hab cantatabtay oo Mareykanka joogta caashaqay!
Asli waxa ay ka soo jeeddey qoys noloshiisu me dhaxaad ahaa, waxa ayna ku jirtay nolol qurxoon, oo ays waalidkeed ka waayi jirin waxa ay muhato. Laakiin dhibk ugu weyn ee haysta waxaa uu ahaa, waxa ay aad u jeclay dibedda, waxa ayna aad u dooni jirtay, in ay waddanka dhoofto, saa waxa ay aragtaa wiilashii iyo gabdhihii ay is1 xaafadda ahaayeen – qaama ay isku Dusiga dhigan jireen oo waddamada reer-galbeedka ku raaxaysanaya, oo int dhogor-dhacsaday, guduutay oo Yalaxo ka soo wa

++

baxday, oo hadba meel qurxoon inta isku soo sawira, lacebook-ga soo dhiga.
Waxaa kale oo ay aragtaa gabar faceeda ah, oo waa dhaw Yurub ama Mareykanka gashay, oo ciddooda guryo u dhlseysa, gawaarina u iibineysa. Markaas baa Maseyr badan galaa, oo is dhahdaa “Haddii aad halkaas tegi lahayd, waxna waad qabsan lahayd, ciddaadana wax badan ayaad u tari lahayd!”.

Macow, fursadda uu haysto oo ah, in uu dibedda ku nool yahay, ayuu gabdhaha Soomaaliyeed ee Afrika ku nool, doonayey in uu uga faa’iideysto. Gabadhii Asli ahayd, ayuu bilaabay in uu Jacayl waalli ah ku asqeysiiyo. “Hadal macaan iyo maxaad Somahland iyo Afrika u joogtaa, halkaan ayaa kuu fiicnaan lahayd in aad timaaddo iyo haddii uusan joogin qof kuu dacawooda, aniga ayaa ku jecel oo ku keenaya” iyo hadallo kale oo yaab leh, oo Jacayl ka buuxo, ayuu gabadhii kala dhammaan waayey.

Xitaa waxaa uu bilaabay, in uu u soo dir-diro lacag ay dhar iyo dhaaraan, Mobeel iyo walaxaha la isku qurxiyo ay ku gadato, taas oo saaxiibbadeed ay la-yaabeen is-beddelka ku yimid, oo ay ka qariso.

Facebook-gii la isla soo dhaaf, oo markii dambe, inta badan taleefoon ayuu kula soo hadli jiray, gaar ahaan inta ayasan isticmaalayn Internet-ka.

Ash xiriirkaan waa uga daray, waxa ayna gaartay, xilli ay shaqadii guriga iyo wax-barashadii kasho u weydo. Mar waliba mashquul iyo Internet ayey ka dhammaan weydaa. Waxa ku soo cusboonaaday, lama wadaagto waalidkeed, walaaleheed iyo xitaa saaxiibbadeed, oo waa

++

ka qarsataa, waxa ayna u malaysaa Macow, Laylatul-Qadi loo soo diray. :
Muddo siddeed bilood gudaheed ahba, waxaa uu 1< dhaadhiciyey Macow gabadhii Asli ahayd, in u guursanayo, isla mar ahaantaasina uu dhoofinayo, oo a timaaddo Magaalada Addis-Ababa ee Itoobiya.

Gabadha lama solansiin, oo ma garan, arrintaan k wadaag dadkaaga, una sheeg Macow in uu kaa soo doont( laakiin waxa ay u aragtaa fur sad mar soo martay, wax ayna dhawr jeer ku walaacday, in ay iska baxdo iyo in a arrintaas si fiican uga sii fekerto. Markaas baa waxaa u so baxda, haddii ay waalidkeed arrintaan la-wadaagto in ay k1 adkeeyaan, oo sida ay wax u rabto u fuliweyso.

Asli, talo keligeed ah oo aysan waalidkeed iyo ci< kale la wadaagin, oo uu Macow ku qulaamiyey ayey iski qaadatay. Lacag uu u soo diray bey inta Xawaaladdj Dahabshiil ka qaadatay, ayey inta waalidkeed ka qarisay Hargeysa gaari ka raaedey, oo halkaas iyo wajaale isku s: deysey, kolkaas bay halkaasina inta mid kale ka si fuushay, u sii soedaashay Jigjiga, oo ay isna Bas ka s: qabsatay u soeday Addis-Ababa, waxa ayna ku degte; hoteel uu u qabtay Macow, isaga oo horay ugu soo xira1 wiil ay is-garanayeen, oo la yiraahdo Duullane, oo markaa magaalada ku noolaa, oo isna Ingiriiska ka soo kicitima) oo qudhiisuna meesha gabar Soomaaliya, inta looga keena halkaa ku fashuuqsanayey.

Markii ehelkii Asli ay tabeen gabadhoodii, ayaa wax ay bilaabeen in ay goobaan, laakiin wakhti dheer kaddit waa heli waayeeen wax war-bixin ah, oo ku saabsa gabadhoodii iyo halka ay aadday. Waayadaas ay baxays

++

Asli, dhallinyaro badan ayaa Hargeysa ka baxday, Tahriibtayna, taas oo ciddii markii dambe, ay u qaateen in ay Tahriib aadday, oo marka uu ‘Magafe’ helo laga war-geli doono, sida dhallinta kalaba.

In kasta oo ay la yaabaan marka ay arrintaan ku fekeraan, halka ay ka heshay lacagta ay ku baxday, maddaama dal-iyo-dibed, marka qoyskii is-wareystay aan la helin cid ay la xiriirtay, laakiin qoyskii meel aan Tahriibkaas ahayn, maankooda waa ku soo dhici weydey, markaas baa arrintaas inta qoyskii iska dhaadhiciyeen, waxaa ay dhegta ku hayeen taleefoonka iyo goorta laga soo wici doono.

Macow, waa nin Afrika u socda e, si fiican ayuu u shaqeynayey muddooyinkii ugu dambeeyey, oo taksiga kama degi jirin, markaas buu isla helay xoogaa lacag ah oo uu ku soo baashaalo; dalxiis iyo tumashaba.

Markii ay Asli Setimaan joogtay Addis-Ababa, ayuu soo dhigtay ninkii Macow ahaa. Saaxiibkiis Duullane ayaa inta ugu yimid Garoonka Diyaaradaha ee Bole, keeney Hoteelkii ay degganeyd Asli.

Sawirro ayaa la iska haystaye, markii isha la isku dhiftay, ayuu ku soo booday Macow gabadhii, oo damcay in u inta habsiiyo uu horaaddada laaco, oo uu dhabannada ka dhunkado. Waa gabar Dhaqan wanaagsan iyo Diin lagu soo ababiyey e, waa ka durugtay. “Maxaa dhacay Xabiibti?”, ayuu su’aalay. “Xabiibi, dee ma annaga ayaa is-qabna?”, ayey ugu jawaabtay.

Markaan garay Macow in aysan la mid ahayn Asli, dhoocilihii uu baacsan jiray ee Yurub e, waxa uu isla markiiba la-tashaday saaxiibkiisii uga soo horreeyey Addis-Ababa. Markii uu xogtii siiyeyba, waxa uu u shee dhaqanka Soomaaliya, markaas buu ka dhaadhiciyey, in gabadha Mehersado, qudbo-sirana hawshiisa uu dhanuneysto.

Macow, taladli saaxiibki ayuu qaatay, oo Asli in ay guursadaan ayuu ula yimid. Waa sida ay rabtay e, kol horena ay u timid Addis-Ababa e, waa ka aqbashay, la< mar ayey u soo ban-dhigtay, in uu waalidkeed la-hadl laakiin ka dhaadhicin dheer kaddib, waa ka aqbash qudbo-siradii. Sidaas ayaa gabadhii laba wiil iyo wadaa inta loogu keeny lagu Meheriyey.

Ninkii Macow ahaa markii Asli lagu meheriyeyb waa kan horey qolkiisii kala galay. Halkaas buu Asli, w iyadu ay guur u aragto, isna tumasho u ahayd, dhakhle isla galay.

Waa uu mar, gabar yar ka helay Sweden, oo a< looga horreyn, ayaa ugu horreysey uguna dambeysey gab; Bikaaro ah uu la kulmo, oo weligiis Yurub kulama uus; kulmin gabar kale oo Bikaaro ah, intii uu gabar ! falaadayey, markaas buu Asli ciriiriga cambarkeeda riyaaqay, waxaa uuna ka helay raaxo la-yaable.

Isagu maba aaminsanayn in gabar 18-sano jir ah a^ Bikaaro noqon karto, oo waxa uu ka fekerayey, haddii a: horay kaa anfici weydo, oo ay halow kugu noqoto, sid Gaaladii u dhaqan.

Mindhaa waddanka uu ka yimid, horay iyo gada< xad ma kala lahan, laakiin markii uu arkay, horay oo cariir adag ku ah, meel kale maba hun-guriyeyn, xitaa haddii u wax kale deyi lahaana, maba oga waxa qabsan lahaa.

Waddamada reer-galbeedka, galmadu waa maaddo muhiim ah, oo ka mid ah casharrada carruurta Iskoolka lagu dhigo. Carruurta iyaga oo yar-yar ayaana casharradaas lagu soo ababiyaa. Gabadha soo weynaata, kolka uu dareen-galo, xaq bay u leedahay in ay saaxiib veelato dareenkaas ka dejiya.

Haddii la arko gabar aan saaxiib lahayn, waa lala yaabaa, in ay waalantahaana loo qaataa. Haddii la helo gabar weyn oo Bikra ah, madaxa ayaa gacmaha la saartaa, waxaana loo maleeyaa in ay tahay mid amar Alle haysto ama in la nacay oo wiil isku fura ay weydey! Sidaas darteed, waa ay adag tahay in halkaas laga helo, Inan ay weli wax u fayowyihiin!

Waxaa uu aad ula dhacay Macow, jawiga Addis- Ababa oo aad u qurxoonaa, cunto fiican oo uu aad uga helay iyo weliba raaxada iyo dhakhleynta uu ku jiro, markaas bay ku qaadatay laba bilood in uu joogo Addis- Ababa.

Dhanka kale, Asli qudheedu kama qasna, oo hawshaas dhankeeda waa ka helaysaa, sababta oo ah, Macow waa mid weligiis naagaha ku falnaaye, waxa ay ka he shay sida uu u marqaan-bixiyo.

In kasta oo ay nacaysay urka Sigaarka uusan kala joojinayn Macow iyo Jaadka oo uu aad ugu dharfayo, laakiin waa isaga wadataa, oo meesha ay ka timid Qaadka iyo Sigaarka, dhib kama lahayn, oo dad badan oo isticmaala, wax badan wey arkaysay. Biyaha kulul ee uu cabbo baase ku cusbaa, oo aysan maqal mooyee hortii aysan arag! Laakiin Miskiintu ma oga shaqada aan kala joogsiga lahayn ee ay ka helayso, in ay kuwaani sal u yihiin.

++

Waxa ay Asli ka wareysataa mar walba qaabka uu dhoofin-doono iyo sida uu waalidkeed ula maca< doono, markaas buu marka uu marqaansan yahay, u ft daaqado wada rajo ah iyo waddadii Jannada oo uu ku doono, iyada iyo waalidkeedba, markaas baa iy< Imaankeedu qanjaha tagaa.

Markii uu laba bilood marayo, oo Macow si fiican u dhargay Asli, ayuu waxaa uu go’aansaday in waddankiisii u dhoofo. Isaga oo markaas lagu leeyah Masruufkii iyo Biilkii Hoteelka hal Bil, ayuu sub subaxyada ka mid ah, inta diyaarad-ku-raacii diyaarsaday, buu inta ku labbistay Shaati iyo Sirwaal Jeei ah, waxa uu Asli ku yiri “Qaali, magaalada ayaan ka s laabanayaa”. Ashna, markii uu sii baxayey ayey inta m siisey, bey ku tiri “Xabiibi, Taxaddar, Allaha ku Ilaaliyee”.

Alle yaa u sheegay Asli, in uusan magaalada u soco oo uu u dhoofayo halkii uu ka yimid, iyadana oga taga meeshaas! Shaw haddii ay taas ogaan lahayd farqah qabsan lahayd. Markii uu ka baxay Hoteelkaba, Tal meesha ka dhawaa ayuu inta ku dhacay, buu Garoonka k duulay.

Asli, sidii ay maantii oo dhan u sugeysey, ma le~ Habeenkii baa la gaarey mise lama arko! Subxii xigey iy maalnrihii ka dambeeyey oo dhan ayey eeg-eegeysey, mis juuqdiis iyo jaaqdiis lama hayo! Qoladii Hoteelka aya misena ku dhegtay markii ay 15-beri oo kale sii joogta; iyaga oo ku sheegayana Kiradii qolka Bil iyo Badh iyo raashin ah ee la cunayey. Waxaa taas uga sii daran, wax uu uga tagay Uur.

Gabadhii Asli ahayd, garatay in uu Macow u gooye oo uu kaga tagay Addis-Ababa. Fahantay, waxu in uu aha ‘Khaa’in’ Rabbi iyo Islaanba ka furtay. Gabadhii waagii ba

++

ku baryey, talaana ku caddaatay. Meel ay u raacdo ma laqaan, haddii xitaa ay weydiin lahayd wiilkii Addis-Ababa uu kaga soo xiray ee Duullane ahaa, isna waa baxay, wax \iriir ahna kama haysan. Teleefoonkiisii Ingiriiska wac bay is-tiri, mise maba shaqeynayo. Facebook-gli bay is-tiri ka (‘eg, mise waa hore ayuuba iska saaray.

Wuxuwaxa aan Nasab ahayn ayuu ahaaye, xitaa gabadha Hoteelkii iyo Nooligii waa ka soo bixin waayey, haddii uu ka dhegay!

Asli, arrintaa waa u qaadan weydey, dhulkii baa la wareegey, feker iyo isla-hadal ayey gashay. Ninkii keeney inta isku furey oo Uur u yeelay buu habeen oo madaw ka dhaqaajiyey. Haddana lacagtii hoteelka iyo cuntada ayuu uga tagay, wax nooli ahna ma heysato ay uga baxdo Addis- ababa, oo ay dalkeedii ugu laabato, cid ay wax warsatana kama taqaan magaalada. Walidkeed ma aysan ogeysiin guurkeeda oo lama socdaan, cawarantaanna uma sheegi karto.
Ceeb iyo quus baa inta isugu darmatay, bey sidii qof walaalan, sidii ay u soo jeeddey oo walaac ugu jirtay bey markii dambe go’aansatay in ay hoteelka inta iska tuurto ay is-disho. Iyada oo inta is-diyaarisey daaqadda dabaqa saddexaad rabta in ay iska soo tuurto, ayaa waxaa arkay dad meesha marayey, markaas baa qaarna meeshii ay ka soo boodi lahayd isku aaddiyeen, qaarna hoteelka inta ku ordeen war-geliyen, sidaas baana lagu soo bad-baadiyey.

Ugu dambeyntii, qolyihii hoteelka ayaa inta qabtay oo raadiyey dadkeedii, ayaa markii loo helay, inta qaantii ay ku lahaayeen ka qaateen, dadkeedii ku wareejiyeen.

Gabadhii inta Hoteel-kii laga kaxeeyey, ayaa guri nin xigtadeed ah uu lahaa, la geeyey.

Markii arrintii gabadha ku dhacday la ogaaday, a qaraabadii go’aansatay in gabadha Hargeysadeedii 1< celiyo, waxaana arrinta gabadha lala socodsiiy qoyskeedii, oo mama ku farxay helidda gabadhoo mama ka xumaaday waxa ay samaysay ee dhib gaarsiiyey. Sidii baa la yeelay, oo qolooyin Hargeysa socday ayaa lagu daray.

Laakiin Asli intii ay dhex sii socotay ayaa murugo i, wal-wal iyo raqlaha socodka gaariga, waxa ay ku keene in cunuggii ay sidday uu ka soo daato.

Naag aan Dhicin Dhib ma arage, gabadhii dhib ugu darnaa, waxaa uu ku yimid, markii intii uu gaari socday nabar adag lagu kil-kilay, oo daqiiqad-daqiiqad qabanayey. Waa wax xishood badnayde, xitaa gaariga ha ii joojio ma garan, umana sheegto dadka la socda dhib’ haya. Meeshii gaariga la joojiyo ayey hadba musqul gasha oo dhiiggu fatahmaa. Ma haysato wax kala e, dharkeed ayey hoosta gashataa,

Alle isaga ayaa Qaaddir ehe, markii Jigjiga 1 gaareyba, intii u dambeysey ayey sii deysey, markaas ba nafis he shay inantii.

Markii ay Hargeysa tagtay, ayaa waxa ay gaarta reerkoodii iyada oo maliil ah, oo niyad-jabsan. Qoyskee< markii ay u tagtay, ee la wareystey, runtii waxna kam qarin karin e, oo warka waa heleene, si tafaftiran ayey w< welba ugu sheegtey, taas oo qoyskeedii oo dhanna ay aa kaga wada xumaadeen.

Haddii xitaa Qoyska Asli ay tolka Macow raadi lahaayeen, wa?<a ay u sheegtey, in uu ka soo jeede; Koofurta shishe, oo uu ahaa Gadhuu reer Walla-weyn ah!
Asli, warkeedii suuqa ayuu galay. Gabar dhawrsi oo wanaagsan, isla markaasina deggan ayaa loo aqoo

++

jiraye, hadda sumcaddii ay lahayd ma leh. Waa garoob oo Kabdhaha lama baratami karto. Kuwii ay isku eyniga ahaayeen, Dugsigii sare si wanaagsan ayey ku dhammeysteen, iyadana, iyada oo Imtixaankii ugu dambeeyey ku jirtay, ayey isaga tagtay. Xitaa hooyadeed, aabbeheed iyo walaaleheedba sidii hore kuma ahan, oo waa loo han-weynaa, oo hadda waa laga niyad-jabay.

Aad bay runtii u muraara-dillaacday, waxaana ka jabtay muraayaddii qalbiga. Isla hadal iyo cuqdad-nafsi ayaa ku dhacay, maahsanaan badan ayey gashay inantii Asli ahayd.

Waxaa ugu darneyd, mar ay jidka inta ku aragtay wiil ay is-yaqaaneen oo ay isku fiicnaayeen, ayey inta fur- furnaan u muujisey, oo u dhoolla-caddaysay, salaantay, markaas buu sida dhoocilihii inta kor-iyo-hoos ka fiiriyey, isaga oo aan la hadlin, ka dhaqaaqay. Inta ka daba-tagtay ayey ku tiri “Walaallo maxaa dhacay?”

Kolkaas buu inta hakaday oo gadaal u fiiriyey, buu ku yiri “Iga raalb ahow, adiga oo kale anigu dariiqa lama istaaga e”, isla markaasina iska dhaqaaqay!
Waxaa kale oo ka yaabiyey, mid kale, oo ay isku xaafad ahaayeen, oo Asli xaaladdeeda ka war-hayey, ayaa isna habeen, sidii uu u soo qayilayey, inta Shahwaddii ku kaakacday, ayuu ka fekeray halkii uu isaga soo geddin lahaa.
Cabbaar markii uu ka fekerayey, ayuu soo xasuustay Asli, oo is yiri, “Taas yarta ah, waa tii la sheegayey ee suuqa gashey e, maad iyada caawa ku tabbacdid”.
Inta gurigii toos u soo aaday, ayaa nasiibki, waxaa uu ka helay goor fiid-dambeed ah, iyada oo inta suuqa ka soo adeegatay guriga u socota. Waa salaamay. Waa ka qaadday.

++

Waa nin Marqaansan, oo ay kaga caddahay, oo she dheer iyo shukaansi ma geli kara e, markii uu xoo hadallo ku tuur-tuuray, buu si toosa ugu sheegay, in Caawa u baahan yahay, waxna uu u tuurayo.

Inta xanaaqday, oo qaylisay, bay inta Kab la baxd wejiga kaga dhufatay, kolkaas buu cagaha wax ka dayey.

Waxaa irkig ku reebay, mar ay aragtay nin oday oo waa dariiqyada ku sal-salaami jiray, oo m< aabbeheed weydiistay, oo abbeheedna ku yiri, gabadhu ha weynaato e”, isaga oo aan dhuganayn, oo ag maraya, iska daa Salaane.
Sidii ay Ash saas u ahayd, ayey maalin d< tashatay, waxaana taladeedaas uga soo baxay, in keliya uu yahay ma khaldame, qof kasta oo Aadane uu gafayo. Waxa ay iska dhaadhicisey, in ay Ilaahay laabato, oo ay is dejiso, dibna isku-abaabusho, hawlahee sidii hore si ka wanaagsanna ay u wadato.

Waxa ay ku laabatay Iskoolkeedii sare, waxaa kale ay ku biirtay habeenkii Malcamad Qur’aanka iyo D‘ lagu barto, waxaa kale oo ay raadsatay shaqo galabtii gasho, taas oo iyana Alle ku guuleeyey.

Gabadhii Ash ahayd, dhibkii iyo rafaadkii qabsad waa ka soo kabatay, oo waxa ay ka mid noqotay, mar dambe, gabdhaha noloshooda ku guulaystay – Diin i Maaddiba – oo Hargeysa ka sheeggan. Ash welige qalbigeeda kama go’in, waxa uu ku dhigay Macow, kasta oo ay soo xasuusatana, qalbigeeda walaac 1 tashuush baa ku furma, markaasay waxa ay AUe u baridaa, in dhibka uu u geystay ninkaasi, abaal-kiisa mariyo, oo isaga ayaa awood lehe, waxa uu u geystey, aar-gudo.

Macow, maalinkii uu tagay Ingiriiska, taleefoonkiisii waa heddeshey, Aslina Facebook-geedii waa iska saaray. Markii uu u tagay saaxiibbadiis, ayuu ayaan dhan waxa uu uga sheekeyn jiray, waxa uu ku soo dhigay gabar yar oo uu llargeysa ka keenay, oo Addis-Ababa uu kula soo damaashaadayey. Waxaa uu uga qiseeyaa wax yaalaha la- yaabka leh ee uu soo arkay.

Waxaa uu aad uga warramaa Cimilada Addis-Ababa, cuntadeeda, Qaadkeeda iyo Qamrigeedaba iyo weliba nolol jabnaanteeda! Sheekadiisa waxaa ugu badan Asli iyo sida uu ku helay iyo qaabka uu ula raaxaysan jiray, oo ay saaxiibadiis weydiinteeda ku cel-celin jireen.

Waxa ay saaxiibadiis ay la-yaabeen, isna uu la- ashqaraarsanaa, waxa ay ahayd, in Afrika laga helo 18-jirro gabdho ah, oo aan weligood cidna u tagin, oo sidii lagu dhalay ah! Taas oo dhallinyarada saaxiibbadiis ahaana ay qaadan waayeen! Sheekooyinkaas uu Macow ka sheekeeyo, waxa ay ku kalliftay, in dhallinyaro badan ay ku fekeraan in ay Nayroobi, Addis-Ababa iyo Soomaaliyaba soo aadaan, oo gabdhahaas wada Bikradaha ku soo raaxaystaan! Macow, maankiisa kama go’in Raaxadii Asli iyo jabnaantii maciishadda Addis-Ababa. Waxaa uu arrintaa ka sii qaaday, in uu ku ilxaaxo gabdhaha Soomaahya Jooga. Sidii buu Facebook-gii mar kale ugu waashey, oo uu raadin ugu sii dhaqaaqey gabadha Soomaaliyeed ee Beriga Afrika ku nool.

Sidii uu gabdho u raacdeenayey, ayuu maalintii dambe waxa uu helay gabar shidan, oo markaas joogtay Nayroobi. Waxa ay ahayd gabar jirtay 26-sano oo la yiraahdo Xaali, laakiin dhuubni u dhalatay, oo haddii aysan da’daas sheegan lagu qiyaasi lahaa 19-jir. Sidii ay isku

++

caddeyneysey ayey inta maqaarkii sare iska dhishay ayey ekaatay Nal
Markii uu gabadhaan uu sawirradeeda ku ark Facebook-ga, waaba u qaadan waayey In ay Soomaali taha Malaha waxaa ay ula muuqatay Caddaan iyo ummado kal markii uu arkay caddaanteeda. Ninkii Macow ahaa gaba< waa ka hari waayey, cagta ayuuna cagta u saaray.

Xaali waxa ay ahayd, gabar in ka badan Siddeed Sc joogtay Nayroobi. Waxa ay ka timid Xamar, waxa ayna timid Nayroobi dhoof, laakiin waxba waa uga bixi waaye Nayroobi. Waa garoob dhawr jeer guurar kala duwan s martay, soona dhashay laba carruur ah, oo kala Aabbe Waa Iskaabulo, oo iyada iyo laba gabdhood oo kale ay hal qol oo ciriiri ah isla deggan.

Shiishadda ayaa balwad u ah, mar-marna meek Kalaabyada ah waa addaa. Xafladaha qoob-ka-ciyaarka Soomaalida waa ka xiddig. Rag badan oo saaxiibbo ah ay leedahay, oo hadba mid ay casho ka soo ridato, iyana t beddelkeed wax u tuurto. Xitaa mararka qaar in Soomaalida dhaafto ayey Keenyaatiga u dhacdaa.
Xaali, dibed waa ka niyad-jabtay, sababta oo ah, e! u heellan oo dibed joogana ma haysato, nin naag ahaan dhoofiyana weydey. Midkii ay dibedda iska bartaan-1 markii uu Nayroobi yimaado, in uu nac-naceysto mooy mustaqbal ka weydey, markaas bay iska go’aansatay, in nolol-maalmeedkeeda iska raad-raadsato, oo ay suuqee iskajoogto.

Xiriirka uu waayadan la leeyahay Macow rajo kc qabto e, keliya waxaa ay u aragtaa kuwii hore oo kale, inta ayaan rafaadiya, marka dambe ay fursad isku h waayaan, ama kuwii inta u imaan jiray is kala baasha

++

jiray. Markaasay ayaantil dambe cadaawad xooggan u ciaadday ragga dibedda ku nool, oo waxa ay ku fekertaa, liaddii hadda kaddib ay mid qurba-joog ah la kulanto, in ay kadabkiisa gooyso.

Macow, aad buu uga helay quruxda, degganaanta iyo sheeko-wanaagga Xaali. Waa uu dareemey in uu shaki badan ku jiro Xaali, laakiin waxaa uu isku dayayey in uu shakiga ka saaro, waxaa uuna u bilaabay in uu lacag u soo diro. Gabadhii Xaali ahayd, aad ayey ula dhacday Macow, waxa ayna bilawday in ay sii xoojiso xiriirkiisa, maaddaama ay dhaqaale ka hesho. Mar kasta waa wacdaa, waa la xiriirtaa, si fiicanna waa ugu sheekeysaa, waxaa ayna u dirtaa sawirro qurux badan oo sii cajab-geliya.

Xaali, labadeedii saaxiib ee la degganaa, arrintaan ku soo korartay waa la socodsiisay, waxaa ayna bilaabeen in ay talo ka siiyaan mar walba waxa kaga soo cusboonaada saaxiibkeeda cusub. Waxaa go’aan lagu wada gaaray, in Macow ganta la-surto, la-shaq-shaqo, la-hufo, la-haatiyo, dabadeedna la feento. Xaali ayaa saaxiibadeed talo ku siiyeen, in uu Biil meel u saaro iyo in uu lacago magaalo joog ah laga qaado.

Ninkii Macow ahaa, waxa ay Xaali u daadisay siriqyo uusan gar an karin. Waxa uu meel u saaray Biil 200 oo Dollar ah iyo dhacdhac kale oo fiican.

Muddo 11 Bilood ah kaddib, waxaa uu la socodsiiyey saaxiibtiis, in uu Nayroobi imaanayo, taas oo ay u sheegtey in ay diyaar u tahay, siina diyaarinayso Hoteelkii ay degi lahaayeen. Waxa ay ‘Qol-xaas’ ka qabsatay Hoteelka Grand Royal ee xaafadda Islii ku yaalla.

Sidii uu u soo socday, waa kii yimid Nayroobi. Cid kalaba lama xiriirine, saaxiibtiis oo Nayroobi joogta ayuu u wacay, iyana taksi inta soo qabsatay ayey saaxiibkeed

Gegida Diyaaradaha Joma-kenyatta ka soo qaadday, si ay u soo waddayna, geysey qolkii Hoteelka ay ka qabatay.

Ninkii Macow ahaa, wax uu la yaabo ayuu arka Gabadhaani, waxa ay uga duwan tahay Asli dhawr sh Waa midda koowaad e, guurba ma weydiin, oo horey waa ugu kala dhigatay. Midda labaadna, gabdhiM Yurub ku yaqaanayba waa ka daran tahay, oo isagii baa* wax deeqsiin waayey! Horeyba uma warsan oo, waxa uu qabay, in gabar kasta oo Atoka joogta Asli la mid tahay!

Ninkii xaajadii baa ku caddaatay. Mar buu damcay uu inta dhaqankii Gaalada la soo baxo, uu gadaal ka mar oo si kale wax ciriiri ah uga raadsado, markaas bay in dhiriftay laad labada ka gelisey. Wax kasta waxa uga dar markii ay dhididdo, si qurmoon oo uu ka yaqyaqsado ay ugu soo shiiraysaa, Illeen waa qof sidii ay Daawo isus wadday dub dhacdayel War ninkii dhib ayaa qabsaday!

Laba habeen markii ay wada joogeen, ayaa Xa dareentay in uusan ku qanacsanayn. Saaxiibbadeed inta tashatay, ayaa waxaa la degey shax heer sare ah. Wax lagu tashaday, in ay saqda dhexe, wax Alle iyo wixii wato, sida: Lacagta, Baasaboorka iyo dharkaba, ay ka s xaddo, isna ay Xashiish sariirta ugu dul daadiso. Wax sidaas oo kale lagu ballamay, in nin askari ah oo yaqaanaan loo tilmaamo qolka uu deggan yahay, si baaritaan inta ugu sameeyo dambi ugu saarsho, 1 markaasina uu xabsiga ugu taxaabo.

Sidii baa la sameeyey, oo ninkii isaga oo hurdo la-yaalla, ayey ka soo aruursatay wax Allaale iyo wixii watay, xitaa hal sheyna uma reebin, Xashiish-na sarii ugu dul-daadisey, dabadeedna askarigii ku dalbatay.

Isaga oo sariirtiisa dhex yaalla, ayuu subax h arkay askari dul jooga. Katiinad inta lagu dhuftay, ayuu yiri “Ina keen”. “Halkee la ii wadaa iyo dharkaygii mee isaga oo leh”, ayuu askarigii xoogga badnaa kaxeeyey, isaga oo macawis keliya qaba, isla markaasina xabsi ku luuray.

Xaali, waxa ay maantaa jeebkiisa ka heshey 2500 oo dollar, oo uu qaar shalay uu Bangi kala soo baxay, qaarna uu jeebka ku watay, oo uu islahaa laba bil ku soo tumo. Waxaa kale oo ay ka heshey Baasaboor, ay markii dambe inta dillaaley u dhiibtay la helay, wiil u muuqaal dhaw, oo laga siiye 1500 oo Doollar, oo wiilkii uu ku dhoofay iyo laleefoon qaah ah, oo ahaa noocii ugu dambeeyey ee iPhone. Dharkiisii laba wiil oo saaxiibbadeed ah ayey u qaybisay!

Iyada iyo saaxiibbadeed-na, waxaa ka soo hartay “Mac-sonkor, Nacallaa Diyaasbora ku yaal, horta maanta ma baduugnay, wax badan bay meel xille nooga tageene. Alla maanta ma ku sugnay!”

Macow, waxaa uu arkay isaga oo dhex jiifa xabsi! Waxa uu la yaabay sida ay Xaali u gashay iyo qaabka ay debinka ugu dhigtay iyo weliba arxan-darradeeda! Taleefoon ma haysto, cid uu yaqaan Nayroobi kuma oga, si Alle iyo si uu yeelo ayuu garan waayey.

Markii uu bil ku dhawaad xabsigii ku sii jiray, ayuu waxa uu bilaabay, in dhallinta xabsiga kula jirta uu u sheego Qabiilkiisa iyo Jifadiisa, si ay ugu sheegaan dadkiisa, wixii jooga Nayroobi. Markaas baa qaar ka mid tolkiisii ka war heleen, in uu Macow Nayroobi joogo, oo uu xabsi ku jiro. Inta lacago la isugu daray ayaa xabsigii laga soo saaray.

Macow, inta meelo wac-wacday, oo xoogaa lacag ah isku duwday, safaaraddii Ingiriiskana u tagay, oo dal-ku- mar ka soo gooystay, ayuu waddankii ku laabtay.

Saaxiibbadiis araggiisaan foosha xun ma tusi kara maalmo badan ayuusan hoygiisii ka soo bixin. Musiiba heshey iyo baalayada ku dhacday ayaana mar kas maankiisa ka bixi la’aa.

Muddo markii uu gurigii isaga jiray, ayuu rnaalin so qaatay Kambuyuutarkiisii, markaas buu inta shida, dabadeed furtay facebook-giisii, si uu u raadiyo Xaali oo a ugu dambeysey afar bil ka hor, oo uu bal iska wareysto.

Markii uu shiday-ba, waxa uu arkay Xaali oo Onli ah. Waa uu salaamay. Waa ka qaadday. Waxaa uu u< cataabay sida xun ee ay u gashay. Xaali, waxa ay bilawd in ay ku tiraahdo “Macowow, walaalow i cafi, Wallaahi xun oo Bini-Aadminimada ka baxsan ayaan kui dhaqmaye”. “Walaaley arrinta aad igu samaysay, waxa ahayd arrin xun, Wallaahi in aan waasho ayaan siganahay”, ayuu ugu war-celiyey. Markaas bay waxa ay tiri “Walaalow, arrinta aan ku leeyahay iga cafi, ma ah? sida aad u malaysay, ee walaalow, arrin aanan kuu sheegi baa jirta, ee i cafi”.

Macow, oo markaa yaabay, ayaa yiri “Waan k< cafinayaaye, waa maxay arrintaasi?”. Waxaa ay ku “Walaalow Macowow, ha nixine, arrinta aanan kuu sheej waxa ay ahayd, waxaan ahaa gabar AIDIS qabta, mar1 aniga oo aan kuu sheegin arrintaas, ayaan is] galmoonnay!”. Markii ay intaas tiriba, Macow waa booday Kambiyuuterkii, waana demiyey, isla markiin waxaa uu ku orday Isbitaalkii ugu dhawaa, waana i baaray. Cajiib, ninkii Macow ahaa, waxaa uu noqda Tabane, Aids qaba! Madaxa ayuu gacanta saartay.

Maxaa u dhimman noloshiisii halkaas ayey baaba’daye!

NABSGII UU WARSAME LA WAASHEY

Sideedaba, inta badan Aadanuhu kama abaal-gudo barwaaqada lagu galladeysto; ama toos Eebbe ha u siiyo ama cid kale sabab ha uga dhiga e. Markii uu nimceysto, ayuu halkii uu xusuusan lahaa sababta uu barwaaqadaas ku helay iyo halka ay u soo martay iyo sidii uu ahaa inta uusan ka darduuran, ayuu inta wax walba hilmaamo, markaas bilaabaa bardoodi, kibir iyo dhakhlayn. Deg-deg Hebbe ugama abaal-mariyo fasaadkiisaas e, waa la sugaa, markaas baa sidii uu hadba qar uga dhacayo, maalin la qabtaa, oo la tusaa waxa uu ahaa.

Waa sidaas e, Warsame, waxaa uu ka mid ahaa dadka loo nimceeyey, oo inta Eebbe wax isugu aaddiyey, la isugu daray, Caqli, Aqoon iyo Maal farihii ka batay, oo uu kala rogi jiray. Waxaa uu u dhaxayn jiray Boosaaso, oo uu ku dhashay, kuna lahaa ganacsi weyn iyo Dubai oo uu ugu yaallay xafiis ganacsi oo ballaadhan.

Dhaqaalahaan iyo ganacsigaan kama dhaxlin aabbihiis, oo baadiye ayuu ku noolaaye, adeerki oo aan waxba heyn oo Boosaaso degganaa ayuu ku jilnaaye, markii uu wax-barashada asaasiga ah ka dhammeystey Iskoolka Boosaaso, ayuu Jaamacad ma aadine, Eebbe ku Ilhaamiyey talo uu kaga gudbi karo fakhrigii hore iyo nolol-xumadii soo martay.

Taladaasi waxa ay ahayd mid ganacsiye, waxaa uu isla markiiba amaamutay – qaraabana ku saacidday – ganacsi yar oo bagaash ah, oo uu Sandaqad ka bilaabay. Kolkaasey u kobacday. Sandaqaddii inta ku yaraatay ayuu Dukaan-yare furtay. Macdaarkiina waa u kala kacay, markaas buu Bakhaar u beddelay Jumlada iibiya. Sidii uu ganacsigii u sii tarmayey, ayuu noqday Taajir meel uu wax

++

kala dhiga waayey, taas oo gaarsiisay heer uu shaqaalihiis kala garan waayo.
Isma oran, haddii Eebbe nolol-xumadii kaaga g* gaaray, u mahad-celi, oo adna dadklisa gacan-qabo waxaa uu bilaabay tumasho iyo baayakhlayn. Waxa Sheydaan ku falay gabdhihii yar-yaraa.

Ma ninkaas badar-noolaha ah ayaa gabari dii kartaa, markaas buu midduu la hadlaba, inta lacag iy mac-macaan u daadiyo, markii ay luqunta keensat ‘bashta’ ka guraa.

Markii dambe inta qaan-gaaray, ayuuba yeeshe Islaamo fataallo ah, oo uu lacag ku siiyo in ay u soo xero geliyaan tii dhaqaaqdaba. Xitaa, waxa uu gaaray, in inta u- dhaafo gabdhaha madaxa bannaan, uu u dhaco kuwa 1 qabo, taas oo kala geysay qoysas badan.

Warsame, waxaa uu qabay gabar aad u qurux badan oo deegaanka ka sheegganayd, oo la yiraahdo Sareedo, oo ka dhalatay qoys sharaf leh oo caan Boosaaso ka ahaa; Warsame inta gabadhaan quruxdeeda la yaabey ayu aabbeheed inta si wanaagsan ku weydiistay, buu odaygii s“ sharaf leh ku siiyey. Waxa ay is qabeen muddo sagaal san ah, waxa ayna u dhashay hal wiil.

Sareedo waa gabar Ehelu-diin ah oo aad u qabaw, o dul-qaad iyo xishood badan, isla markaasina ah dadk’ caqhga badan, laakiin wax walba aad ugu fiirsata oo aanan sida deg-dega ah uga jawaabin. Aad ayey u ciseysa Warsame, oo ay uga dambeysaa, kolkaas buu isna, inta arki waayo wanaagga xaaskiisa Sareedo, waxaa uu af- gaabnideeda iyo daba-gal la’aanteeda u qaataa, in aysan la socon hawlihiisa.

Sida uu rabo ayuu ka yeelaa; habeenkii uu rabo waa soo dhaxaa, habeenkii uu doonana waa yimaadaa. Waa iska

++

mntaa, markaas buu guriga yimaadaa isaga oo aan tabar u liayn xaaskiisa, oo la soo miirtay, iyada oo u baahan, oo ,ianan -xishood darti – waxba weydiisan karin, bey kolkaas lska ag seexataa. Ninku gabadha ma furo, mana u ahan iiin! Waxa ayna ugu baxdaa Qabxadaha, nimanka kale naagahooda iyo kuwa curdanka ah ee uu lacagtiisa ku I’asahaadiyo.

Sareedo, wiilka ay u hayso, waxa ay u uureysatey, vvaagii ay isku cusbaayeen ee uu xiisan jirey, laakiin, waayadii dambe, uu naago-baacsiga bilaabay, kasho waa u waayey.

Wahsi wiil laguma dhala e, wax kale iska daaye, dadaal carruur-raadis ma sameeyo.

Habeenkii, sida ay u sugeyso, oo ay isugu carfineyso, markii ay aragto isaga oo saq dhexe socda, isla markaasina sariirtii gees isaga tuuraya, ayey inta gaa-gaxdo, oo hoos ka eegto, Alle u dacwootaa, si kale oo ay samayn karto ma jirta e.
Sideedaba ninku markauu tunto, tiisa Shaydaan waa ka qariyaa quruxdeeda iyo wanaaggeeda! Markaas bay ugu baxdaa naagaha kale, tanna iska ag joogtaa, oo marka kuwa kale uu waayo, waxna ay hayaan, markaas tiisaan iska biya-biyeystaa.

Sidii uu saas u ahaa, ayaa isaga oo maalin gaari saaran, waxaa uu arkay mid shaqaalihiisa ka mid ah oo la yiraahdo Nuur, oo wata gabar qurux badan, oo hormaraya Hoteel-ka Haruuse. Markaas buu inta gaarigii joojiyey, u yeeray wiilkii. Waa u yimid isaga oo ay la socoto gabadhii. Markii uu salaamay, ayuu weydiiyey gabadha, markaas buu is-baray gabadhii, oo uu u sheegey in ay tahay xaaskiisa, lana yiraahdo Faynuus. Inta cabbaar dheygag ka bixi

++

waayey, ayuu mar dambe yiri “Barasho wanaagsan kolkaasuu ka dhaqaajiyey.
Warsame, markii hore, aad buu u faraxsanaa, o wuxuu lahaa, gabadhaas quruxda badan aad farsamaysan ugala wareegtid Nuur e, laakiin markii uu yi waa xaaskayga, ayuu candhuuftiisil dib u liqey.

Laakiin misena waa wax Sheydaan ku shaqeysta intii uu sii socday oo dhan waa isa sii weydiinayey quruxd gabadhaas. Waayadan, shaw noocaan oo kale ma uus< arag, markaas buu quruxdeedii inta maankiisa ka bL weydey, isaga sii mashquulay.

Xoogaa markii uu sii socday, oo is-weydiinaye Faynuus, ayuu go’aan ku gaaray, in uu gabadhaas gacant ku soo dhigo, oo uu is-hoos keeno, maaddaama – um cusba e – uu horey-ba, rag naagahood cagta u marin jirey.

++

m Faynuus, waa gabar jirtay markaas da’da 20-aad waana gabar safka hore kaga jirta quruxda gabdhah Soomaahyeed. Waxaa ay ka soo jeeddaa qoys Ehelu-diin ah oo misena ku soo bar-baariyey dhaqanka Islaamka e suubban.

Waa xaafidul-Quraan, Kitaabka Jaamaca ah aan fiirin waana Shiikhad Diinta si fiican u taqaan. Sannadka 2019 kii ayaa lagu daray Nuur oo isna ah wiil isla sannadkaa Jaamacadda Beriga Afrika ka baxay, oo ay muddo isk’ doonnaayeen. Nuur, waa wiil Akhlaaq leh, oo sifad wanaagga ku tilmaannaa, waana taas midda ay reerk Faynuus ugu xuleen wiilkaan.

! Warsame, sidii uu u arkay Faynuus, maankiis’ Sheydaan waa ka bixin waayey. Mar walba waxa qalbigiis ! ku soo dhaca gabadhaas oo uu wax iska weydiiyo, kolkaa buu ka baaraan-degaa sidii uu ku heli lahaa, oo uu ul

++

baashaali lahaa. Waxaa uu bilaabay, in uu saaxiib dhaw la noqdo Nuur, oo gurigiisa isaga iyo xaasklisa ku marti- qaado, oo uu sii barto Faynuus. Waddo kasta ayuu u maray barashada iyo fahanka Faynuus, laakiin wax-ba Warsame waa uga bixi waayeen.

Faynuus, iyadu xiriirka Warsame iyo su’aalihiisa badan dhib uma aragto, si kooban oo fahankeeda ahna waa ugu jawaabtaa, wax weynna kama soo qaaddaba xiriirkiisa, waxa uuna ula mid yahay saaxiibbada kale ee Nuur, ee soo salaama.

Markii uu arkay in uusan si fudud ku geli karin Faynuus, ayuu shax degay. Waxaa uu ku fekeray, in uu Nuur u diro Dubai, oo uu ka mid noqdo shaqaalaha halkaas ka shaqeeya, isla markaasina mushaar fiican uu u qoro. Sidii buu yeelay, Nuur-na arrintaas waa ku farxay, oo si deg-deg ah ayuu ku aqbalay.

Caku wax Sheydaan wato, oo ka duufinayo jidka toosan iyo garashada mudanka Eebbe. Waxaas oo dhan waxaa uu u marayaa Warsame, waa in uu ka dhilleysto gabadha dhawrsoon ee wiilka u shaqeeya uu qabo!

Markii uu Nuur dhoofay, ayuu hawshiisii guda-galay. Xiriirkii iyo salaantii iyo hadiyadihii ayuu ku bediyey Faynuus, markaas buu sidii uu hadba meel uga soo galayey, markii dambe, hawlihiisii oo sarbeeb uu ku bilaabay la-galay. Faynuus waa qof Caqli badan, laakiin malaha xun iska ilaalisa e, markaan garatay danta Warsame. Inta si wanaagsan ula hadashey, ayey meel iska marisey!

Ninkii Warsame ahaa ‘jac’ weyn ayaa ku dhacday! Kuma soo dhicin waayadan, naag aad la hadashay baa

++

sidaas kuu galaysa! Kuma fekerin, naag aad intaas o Kharash ah iyo intaas oo abaal ah iyo intaas oo wakhti aad gelisey baa ku diidi karta.

Mindhaa waxaa uu u maleynayey Faynuus in ay II mid tahay naago badan oo – qaarkood xaasas ahaa – o waddadaan oo kale inta uu u maray, isku kala dhigay!
Mar kasta, oo ay Faynuus sheeko dhex martab waxaa uu Warsame wacaa Nuur, bal in ay wax 1 wadaagtay, markaas buu dareemaa, in aysan we arrimahaas kala hadlin. Kolkaas buu is-dhahaa “Walla< haddii aysan nihkeediiba arrintaan u sheegin, weli waxba kuugu dhimman”.

Waa run oo Faynuus ninkeeda arrintaan cusub lam wadaagto, oo haddii uusan Warsame waxba ka qaadeyn, o ay Af iska joogto, waxa ay is leedahay, ninkaaga maankiis was-waas ha gelin, shaqadana ha ka dhabqin,isaga ayaa ninkani iska hariye.

Intaasi kuma joogasan e, waxaa uu ku fekera Warsame, in uu qorshe kale u dego isla mar ahaantaasin uu qorshahaasi ku fuliyo.

Iyada oo lagu jiro bilaha xagaa-baxa, ayuu ma< Jimce ah, waxaa uu u yeerey Faynuus, isaga oo u sheege in uu gurigiisii ku mart-qaaday. Faynuus, waa ka yeeshe waxa ayna u qaadatay, in haweentiisii ay joogto guriga, o marti-qaadkaas ay qeyb ka tahay – sidii hore ay u aha jirtay-ba – laakiin Miskiintu ma oga, in naagtaas iy, carruurteediiba, mar hore ay xagaa-bexeen.

Gurigii ayaa gabar Jaariyad ah oo joogtay, uj diyaarisey cunto jaad-ba-jaad ah, markaasina qolka fadhi i ugu geysey Faynuus keligeed, iyada oo sidii uu ku ballamay Warsame-na ay isla goortaaba adeegtadii baxday

++

Faynuus, oo la-yaabban qadadaan kaligeed ah, oo aysan adeegtadu uga Jawaabin su’aalo badan ay reerkii ka weydiisey, ayaa waxaa kedis ugu soo galay Warsame,
Markii uu soo galay, inta naxday oo meelihii ka feydnaa Xijaabka gaarsiisey, isla markaasina dhiidhiibsatay, ayey ku tiri “Warsame meeye reerkii, war maxaad gurigaan cidlada ah aad ii keentay?”. Suuyeen, “Reerkii waa soo laabanayaaye, Baayo cunnada cun ama aan kula cuno”, inta soo ag-fariistay. Inta boodday, oo si cara leh u eegtey, beyteen “Boowe, maxaad ka waddaa, arrintan ma shir-qool baa?”

Xoogaa buu isku dayey, in uu dejiyo oo uu la had- hadlo, laakiin waxaa uu arkay gabadhii oo dhirifsan, oo beydadday.

Sidii uu qorsheystey buu yeelay, oo inta albaabkii hoosta ka xirtay, buu xoog ku bilaabay gabadhii. Waxaa ay isku deydey in ay iska celiso, laakiin inta qallacay, oo uu ka xoog batay ayuu dhinac u lag-dooday.

Waa gabar dhawrsan, oo Alle iyo Rasuulkiisa taqaan, oo aan weligeed nin gaya uusan u dhawaane, waxa ay marka hore ku bilawday in ay Warsame la-hadasho, markaas bay ku tiri “Walaal Warsamow, gabar Muslimad ah baan ahay, waad og tahay, oo gabar dhawrsan baan ahay, waad i khaladdey oo kuuma imaadeen, nin aammin ah oo wanaagsanna waan u dhaxaa, ee walaalow waad iga adkaataye, Alle darti igu daah”.

Ma isagaaba maqlaya, waxaa uu ku mashquulsanaa Sirwaal iska bixin iyo Kastuumo ka-siibkeeda e! Dhaw jeer bey ku cel-celisey, markaas buu dheg jalaq u siin waayey. Kolkaasey sii aragtaa mar-ba marka ka dambeysa, Warsame oo ay u sii fududaan rabto, in uu u galmoodo.

Markaan inta ka quusatay ayey toos Alle u bariday, waxa ayna tlri “Allow, waad i og tahay, dartaa baan isku waardiyeyn jirey, aniga oo oomman, oo nin u baahan ayaan awgaa xaaraanta uga dheeraan jiray. Sldil aan isu ilaaaliq jiray, Allow maanta ii abaal-gud, oo la iga awood badiye, adigu i bad-baadi”. Alle isla markiiba baryadaas waa ka aqbalay, Amar ayuuna bixlyey, markaas buu dareenkii Warsame ka takhalusey.

Ninkii Warsame ahaa, markli ay wax walba u sallaxmeen ayaa Cisalkiisii samada eegayey dhulka eegey. Dee muxuu qaban, ma harag buu gabadha ku camcamiyaa? Markii uu Mucjisada arkay ayuu gabadhii isaga kacay, isaga oo naxsan, markaas buu inta dabada laad ka geliyey, ceyriyey. “Alxamdullilah” inta tiri, ayey cagaha wax ka deydey.

Ninkii Warsame ahaa, markii uu Cisalkii u shaqeyn waayey, ayuu yaabey. Markii ay gabadhii ka tagtay, ayuu cabbaar sii fekerey, kolkaas buu markii uu saacado wax is- weydiinayey iska dhaadhiciyey, in ay gabadha wax kale weheliyaan.
Isaga oo iska fekeraya, fadhigiina weli dul jooga, ayuu bahalkii taataabtay, oo damcey in uu kiciyo, bal in u~ dareenkii u soo laabtay iyo in kale, mise sidii ayuu u dab dhacsan yahay. Waa aamini waayey, markaas buu gabdh saaxiibbadiis ah, habeenkii aadey, mise Wallaahuusi madaxa xitaa soo qaadeyn!

Ganacsade Warsame, waagii baa ku baryey, naxc ayuu qaaday. Wel-wel iyo walaac baa galay! Wax walba u sameyn karo, oo uu dareenkiisii ku soo celin karo ayu* sameeyey, markaasaa waxba iska beddeh waayeen.

Si deed aba, ninka ragga ah waxaa uga damn ma jiro, isaga oo weli dhallinyaro ah, in uu Cisalka ka naafoobo. Cuqdad iyo Niyad-xumo ayaa disha. Marka uu arko gabdho cuddoon oo laafyoonaya ayuu inta ka jeesto, hogtaa. Waxaa uu adduun ka raja dhigaa, marka uu arko gabdho isku tilmaamaya oo caniinimadiisa ku xamanaya, oo dumarku markaas bilaa-namriis bey noqdaane ku jees- jeesaan.

Waxaq uu nolol nacaa, marka uu arko dumar dharka hortiisa ku beddelanaya! Ma cuqubo ka damn baa jirta, Cisalkaagu ha naafoobo, taas baa Qabsatay Warsame.

Xitaa Sareedo sidii ay u xoodaamineysay, oo meelaha uu dareenka ka qaato bay garanaysaye, sidii ay xitaa ‘Sagsaagga’ hoose u salaaxaysey, markii ay gobo’ ka weydey ayey isaga dhaqaajisay. Illeyn awalba kaas baa rag lagula socdaye!
Sidii uu ninkii dhibaatadaas ugu jiray, ayuu markii dambe isla hadlay, oo faro-taag-taag bilaabay. Qoyskiisii ayaa inta qabtay, baa markii hore loo maleeyey in la sixray, kolkaas baa sidii Quraan-akhris loogu waday, wax is- beddel ah looga waayey.

Dhakhtarrada Neerfaha ayaa misena loo geeyey, kolkaas bey wax-ba ka keeni waayeen.

Markii loo maaro-waayey, ayaa qoyskii talo ku gaareen, in guriga la isaga hayo, oo tiisii uu halkaas ku sugto.

Ganacsiga Soomaalida, ninkiisa kama dambeeya e, inta ganacsigii lagu wareejiyey wiil ay walaalo ahaayeen, oo aan khibrad ganacsi lahayn, ayaa sidii uu isku sii dhimayey, markii dambe gaaray in uu kaco!

Macallln Eedan, waxaa uu ahaa Macallin, bare ka ah Dugsiga Hoose/ Hexe iyo Sare ee Baydhaba. Waxaa ahaa Macallin da’da dhexe ku jirey, qiyaastii da’diisu w ay madaxa kala sii baxaysey 40-kii. Waxaa uu dhigi jir maaddada Xisaabta iyo Fiisigiska iyo mararka qa maaddada Afka Ingiriiska.

Waxaa uu ka mid ahaa bare-yaasha qaar ka mid oo ka dhex qaraabta gabdhaha ay wax baraan, kag faa’iideysta fursadda aqooneed iyo midda Macallinimo ay ku dhaamaan.

Sidaas oo ay tahay, Macallin Eedan, waa xaasle 1 gabdh iyo wiil, oo weliba gabadhiisu ay yara weynayd, ay dhiganaysay markaas Dugsiga Alqalam ee is magaaladaasi ku yaallaa.

Bare-haan shabeel-naagoodka ah, ayaa inta bad eeg-eegta gabadha nuureysa ee markaas ku jirta Fasalka u dhigo. Waxa uuna ka qaraabtaa gabdhaha da’doodu dhaxayso 14-jir ilaa 18-jir, waana da’aha dhigta Dugsi dhexe iyo kan sare oo uu maaddooyinkaasi ka bixiy Gabdhii uu helo, ama waa Meher-xadaa, oo ayaan ayuu tuntaa, markaasina iska furaa, ama waa iska sal-salaaxa til abasaxdana, ka taagaa.

Gabdhaha oggolaada, maaddooyinkiisa dhibco s ayey ka keenaan, oo ama imtixaanka ayuu hore u siiy ama isagaaba, marka uu saxayo dhibco sare u qora.
Maaddooyinka uu dhigo, ayaa ah maaddooyinka u muhiimsan, uguna adag Iskoolka, waana sababta uu u hel gabdho badan oo ay maaddooyinkaasi ku adag doonayana in ay dhibco fiican ku baasaan.

AUe, maxaa gabdho badan, oo waalidkood gabdho u ah, uu Hare-haani inta helay, sidii uu ula bikhlaynayey inta salka ka riday, isku furey, oo qaarkoodna garoobbo ka dhigay, qaarkoodna faraha ka bixiyey!

Waa sidiisiiye, isaga oo maalin arday soo gaartay fasalka Sagaalaad u dhigaya maaddada Xisaabta, ayaa isaga oo ardeyda dhex maraya oo wax sharraxaya, isha ku dhuftay gabar uu isha ka dedbi waayey. Waa gabar qurux badan, oo jirtay markaas 16-sano.

Waa nin naqeysta, oo kala yaqaan gabdhaha e, tani waa nooca subagga ah ee marka uu arko faraha uu qaniino, isla markaasina uu wacad ku maro, in uu soo xero-geliyo maahee, in aysan u ahaanayn.

Markii uu isha ku dhuftay-ba, waxaa uu weydiiyey. magacadeeda, markaas bay inta wejiga dadabtey oo Xijaab ay qabtay afka saaratey, bey cod hoose ku tiri “Macallin, Khadiijo baa la i dhahaa”.

Qajilkeeda iyo isbuuskeeda ayuu ka dareemey in ay tahay qof aan fur-fumeyn, oo xishood badan. Inta niyadda iska yiri “War waxaani ma Xuurul-ceyn baa”, ayuu isaga ag dhaqaaqey, oo sharraxaaddiisii iska sii watay.

Macallin Eedan, maalintaas wixii ka dambeeyey, waxaa uu bilaabay qaabkii uu u soo dabi lahaa Khadiijo.

Waxaa uu ku bilaabay in uu Iskoolka dhexdiisa su’aalo ku weydiiyo, oo sida ay uga jawaabto – sax iyo khalad-ba – u sacabbiyaa, isaga oo fasalka ka dhex sheega, in sida Khadiijo oo kale, su’aalaha looga jawaabo, looguna dadaalo sida ay u dadaasho oo kale.

Waxaa uu sidaas u sameynayaa, waa in uu soo jiito qalbiga Khadiijo, uguna fududaato, in uu la haasaawo.

Ma ahayn Macallinku nin fudud, oo isla markii gabdhaha danihiisa weydiistee, wakhti fiican ayuu siiy Marar bay ku qaadataa soo xero-gelinta gabar, mud sannad gaaraysa.

Sidii uu maalinna u ammaanayey, maalinna uu ha< sarbeeb ah ugu tuur-tuurayey Khadiijo, ayaa waxaa gaaray xilligii Imtixaan-dugsiyeedka. Markii imtixaanka saxayey, ayuu Khadiijo waxa uu ka dhigay qofkii u sarreeyey ee Xisaabta iyo Fiisigiska Fasalladii Sagaalaac Sannadkaas oo ahaa 2007-dii.
Markii ay u soo gudubtay Khadiijo Dugsigii s, ayuu ku bilaabay shukaansi dhab ah. Waxaa uuna u s ban-dhigay jacayl uu u sheegey, in uu u qaaday. Khadiij kama koobin jacaylkaas Macallinku uu sheegayo, ta beddelkeedna, waxa ay Macallinka u aragtaa aabbeheed kale, oo hunguriba kama galo.

Macallinkii, gabadhii waa ka hari waayey, wax uuna wakhti geliyaa sidii uu u hanan lahaa, laakiin misei Khadiijo ‘Ur’ waa uga bixi waayey. Haddii uu kula ha< Iskoolka dhexdiisa, uma fur-furto, iyada oo is buuseysa marada afka ku dadanaysa ayey hadal kooban u jawaabtaa, ama lama hadashaba. Kama helo ballan iyo ay meel gaar ah ku kulmaan, Iskoolka dhexdiisana, sidii rabo ulama hadh karo, sababta oo ah, iyadaaba carareysa.

Waxaa uu isku dayey, in uu barto gurigooda, xaafadda Bardaale ku yaalla, markaas buu inta barta waxaa uu maalin walba uga soo lugeeyaa Xaafadda Ha wadaag, isla markaasina inta guriga meel u dhaw yimaadi ayuu ka waardiyeystaa xilliga ay soo baxayso, oo

++

adeegga soo doonanayso, markaas buu kolkii uu la hadlo, ka waayaa in ay fursad siiso, ay xoogaa kula hadasho.

Ayaan markii uu ka daba wareeganayey, ayuu maalin fursad ku helay, iyada oo meel magaalada dhexdeeda ah wax ka iibsanaysa, waxaa uuna ku yiri “Khadiijo, Xabiibti, maxaad sidaas iigu galeysaa? Maad ila hadashid, oo aad xitaa i siisid wakhti fiican, oo aan si wanaagsan kuugu sharraxo jacaylka aan kuu qabo?”.
Markaas bay inta la istaagtay, iyada oo janjeer u fiirineysa, ku tiri, “Macallin, anigu waalidkay in aad tahay ayaan aaminsanahay, waana igu ceeb, in aan waaridkay arrimo jacayl kala hadlo. Macalhnow, waxa aan kaa codsanayaa, in aad hawshaas iga deysid, oo aadan mar dambe igu soo qaadin”. ‘

Inta mar labaad la hadlay, ayuu ku cataabay, in ay wax kala qabato arrintaan, oo aysan meel cidla ah uga tegin, isaga oo isku dayey in uu ka dhaadhiciyo, in Macallinka waalidka la midka ah uu yahay kan Quraanka dhiga, kan Iskoolka dhigana uu la mid yahay dadka kale.

Jawaabtii uu ka rabay kama helin Khadiijo, waana ku daadisey Macallinkii, iyada oo mar kale ku tiri “Macallin, fadlan, arrintaas iga daa, ma geli karo, wax aan wax- barashada ahaynna, yaanaan iskugu imaanin, haddii kale, arrintaas si kale ayey isku beddeli kartaa”, markaasina iska dhaqaaqday. Markaan Macalhnkii quus ayuu ka gaaray Khadiijo, waana iska baxay.

Macallin Eedan, weligiis ma arag gabar uu damcay, oo sidaan ugu adkaata. Ma filayn Inan uu inta ammaanay, oo siiyey dhibco aysan lahayn, misena sidaas ula hadasha, oo mararka qaar gaarta in ayba hadalkiisa waxba ka soo qaadi weyso.

_++

Arrintaan la-yaab ayey ku noqotay, waana u qaa’ waayey. Waa uu fekeray, wax badan ayuuna is-weydiiy sababta ay gabadhaani ugu soo jalleeci la’dahay.
Qof walba waxa laga celiyo waa mammanaadaaye, Macallin Eedan, waxaa uu talo gaaray, in uu Khadiijo qool luqunta u soo geliyo, 1 markaasina inta is-hoos keeno, uu kaga qalaadsiiyo.

Soo isagu Macallin uma ahan, isla markaasina u- dhigo maaddooyinka ugu adag. Waxaa uu go’aan gaaray, in uu maaddooyinkiisa isna ku gumaysto, haddii ku nacaysey hadalkeedii. Waxaa uu talo ku gaaray, in caqabad ku noqdo, oo uu xitaa fasalka dhexdiisa su’aalo kakan iyo Layli adag ugu dhex-diro, haddii ay soo bixi weydana, uu fasalka ku dhex caayo. Haddii intaas ku jalleeci weydana uu markaas tillaabooyin kal qaado.

Sidii buu yeelay, oo gabadhii ayuu ‘Lakad’ noqday. Maalin kasta su’aal adag oo ay ka shaqeyn wey£ iyo cay iyo canaan is daba yaalla ayey Khadiijo k< kulantaa. Haddii ay wax yar ka soo daahdo, fasalka in soo gasho waa diidaa, waxa ayna sugtaa ilaa xiisad dambe. Dharkeeda iyo oogadeeda ayuu fiir-fiirsha markaas buu haddii uu ku arko saxar yar ama ‘bar’ yar wax ku hallaabay ah, ardayda oo dhan tusiyaa. Haddii u tusaale, qof hita soo qaato, iyada ayuu ku soo qaataa.
War si kale kuma garatide, cay da iyo yasidda facshareynta gabadhii ayuu shaqo ka dhigtay.

Khadiijo, iyadu arrintaan cusub ee uu Macallinku 1 soo baxay, waa ka xumaataa, laakiin misena waa isaga d~ qaadataa, oo waa og tahay waxa keenaya in ay taha

++

‘Qaraar’, maaddaama ay codsigiisii ka ajiibi weydey. In ay ku soo jalleecdo weeye dantiisuye, xitaa isma sii weydiiso hadalladiisa, kalamana sii hadasho, waxa ayna go’aan ku ^aartay, in aysan kala hadlin Qadafkaas Macallinku ku hayo, sababta oo ah, waxa ay og tahay, in natiijada ka dhalan karta ay tahay “Haddii aad rabto in aan kaa daayo, iskaaya sii”, kolkaasay isaga dul-qaadataa. Waxa ayba ka sii qaaddaa dadaal iyo cidna haku tashan, markaas bey har- iyo-habeen wax-akhris iyo Layli-ka-shaqeyn ku jirtaa.

Markii uu arkay, in aysan Khadiijo u soo dabceyn, ayuu go’aan misena ku gaaray, in uu sannadkaan labada Imtixaanba ku rido; midka qeybta hore iyo kan dambaba. Sidii buu yeelay, kii horena waxa uu siiyey 20 dhibcood, kii kalana waxaa uu siiyey 15 dhibcood, taas oo isku darkooda ay la mid tahay in ay dhacday, sababta oo ah, 50 dhibcood ayaa ugu yar, maaddo kasta, waxa Fasalka labaad loogu gudbo, sharciga Dugsigaas.

Keligiis ma ridine, waxaa kale oo iyaguna min laba maaddo oo kale ku riday, laba Macallin kale oo ay Eedan saaxiib ahaayeen, oo ay dhoocilaha Iskoolka ka wada qaraabtaan, arrintaanna af-garad ka leh.

Midda kale, saddexdooduba, warqadda lagu qoro imaashaha ardayga – ayaa ha joogto ama ha maqnaatee – mid kasta uuku qoraa, in ay Khadiijo maqan tahay.
Khadiijo, waa og tahay in aysan dhicine, qeybtii hore dood kama keenin, laakiin kii dambe, maamulka Iskoolka ayey u tagtey, oo ku tiri, “Anigu dhibcahaan ma keenine, ha la ii baaro Faylkayga”. Laakiin sharciga Maamulka ayaa arrintaas khilaafsan, oo arday kasta waajib kaga dhiga, in uu aqbalo waxa uu keeno, waxa uuna Maamulkaasi ilaaliyaa sharafta Macallimiinta iyo in aysan arrintaan jid

++

furanta noqon! Sidaas bey Khadiijo ku weydey, wax u jawaaba dalabkeedii, taas oo ay ka niyad-jabtay, marka u Maamulkii ku yiri “Haddii aadan ku qanacsana Macallimiinta Iskoolkan, Iskool kale raadso”.

Sidii ay dawladdii dhexe ee ciidanka ahayd dhacday, wax-barashada waddanka ka curatay, lagam dhaco, markaasey Khadiijo noqotay qofka keliya e Iskoolkaas Sannadkaas ka dhacday.

Dhiciddaas, Khadiijo aad bay uga xumaata waalidkeedna aad buu uga naxay. Iyada waa og taha sababta ay u dhacday, laakiin waalidkeed arrintaas waxa uu u qaatay dadaal la’aan iyo wax faham la’aan dhankeed ah. Waa war-mooge-yaal, iyana lama wadaagto sida ay w yihiin, qaab ay ugu sheegtana waa garan la’ayd.
Gabadha yaxyax, af-gaabni, af-culaalnimo iy yaraan baa isugu darmatay, kolkaas bay garan weydey i ay is-difaacdo. Carruuri waa Ciil laga soo gudbo!

Markii Sannad-dugsiyeedkii xigey la furay dugsigii ayaa aabbaha Khadiijo – oday Isxaaq – oo ka baqayey in a~ sannad kale dhacdo gabadhiisu, waxa uu u taga- Maamulihii Iskoolka, waxaa uuna weydiiyey meelaha ay k hidato gabadha iyo haddii Macallimiin, si gaar ah wax barta loo heli karo.

Markaas baa Eedan oo meesha fadhiyey, fursa fiican halkaas ka helay, waxaa uuna u sheegey aabbah Khadiijo, in ay gabadhu sannadkii hore fiicnayd, oo s wanaagsan u baastay, laakiin sannadkaan, halk gabadhooda laga qabsaday, in ay tahay, in aysan imaan-b Iskoolka, taas oo odaygii la-yaab ku noqotay.

Intaas Eedan kuma ekaane, waxaa uu soo qabtay Faylka Maqnaashaha iyo Imaansha ardeyda lagu qoro, markaas buu tusay, in imaansheheedu uu aad u yaraa.

Odaygii arrintii run buu u qaatay, markaas baa kolkii uu tagay gurigii, Khadiijo oo wax karinaysa Makoorad uu sitay ku bilaabay.

Isla markiiba Islaantii hooyadeed ahayd ayaa soo baxday, markaas bay ku tiri “War maxaad gabadha u dilaysaa?”. Inta ku soo jeestay, ayuu ku yiri “Naa wax ma ogide, gabadha aan Iskoolka u dirsanno, ma aadde e, marka ay naga tagto ayey suuqeeda gashaa. Maanta ayaan tagay Iskoolkii oo arrintaas soo ogaaday”. Seyte “War dil maahee, baacugga ka garaac, ma haddeyba noqotay isla wareegto, iyada oo intaa la eg?”

Markaas buu sidii uu u dilayey gabadhii dhiig meel | walba kaga keeney, oo iyada oo sakaraad ah ka tagay.

Markii uu meyd carnal kaga tagay, ayaa Khadiijo xoogaa kabacdi miyirsatay, markaasey inta guur-guuratey qolkeedii gashay. Waa fekertay, waana garatay halka laga soo raacay.

Ogaatay, in uusan Iskoolkaasi dhigasho lahayn, gudubkeeduna uu ku xiran yahay, Eedan oo ay af-garato, oo aysan diyaar u ahayn. Iyada oo ku fadeexeysneyd dhicitaankeedii ayey misena aragtay ceebta iyo sharaf- dhaca uu ku sameeyey Eedan iyo saaxiibbadiis.

Dhawr beri markii ay fekerayey, ayey go’aan ku gaartay, in ay isaga tagto Baydhabo, oo ay waalidkeed ka dhuumato, aaddana Xamar, oo habaryarteed ku noolayd, isla markaasina Xamar wax-barashadeeda ka sii wadato.

Sidaas bay yeeshey, oo Xamar bay inta aadt habaryarteed u tagtay. Habaryarteed waa soo dhaweys< waalidkeediina waa kala hadashay, waxa ayna ku dart: Iskoolka sare ee Ablaal, oo ay fasalka koowaad ee Dugsi sare ka bilawday.
Macallin Eedan sidii uu rabay, wax-ba uma dhicin, waxa uu doonayey in marka labaad ee ay timaaddo, had ay sameyn weydo sidii uu rabo, misena uu qaado tillaaa1 kale oo ay ku hoogto, laakiin markii uu maqlay in Xamar aaddey, buu aad uga xumaaday.

Macallin Eedan, maalin maalmaha ka mid ah, ayu waxaa uu la kulmay ceeb weyn, kaddib markii gabadhiis weyneyd ay u keentey Uur Garac ah, oo ay ku sheegtay Macallinka Iskoolkeeda uu uureeyey, laakiin Macallinkii u ka dhaartay.
Gabadhaan oo Fartuun la yiraahdo, oo da’aadda 15 aad jirtay, ayaa waxa ay saaxiib la noqotay Mac< Iskoolka u dhigayey, kaas oo aakhirkii uureeyey, la< markii dambe inkiray.

Arrintaasi dhib iyo walaac iyo sharaf-darro Macallin Eedan ku noqotay. Laakiin, taas waxaa ug darneyd, markii uu maalin gurigiisii ugu yimid naagtiisa o nin kale dul-saaran yahay! Markaas buu inta xanaaqe naagtiisii iyo gabadhiisii Uurka lahaydba ceyriyey, isaga u ku sheegey in ay yihiin Qabxado. Wiilkii yarka ahaana, hooyadiis u geystay.

Sideedaba, qofka ka daba-hari waaya gabdhahi Islaameed, oo in uu ka macsiyeysto iyo in uu Meher dantih tahay ku raaxeyso lagu falo, aakhirka isaga ayey gadaa. ugu soo laabataa. Haddii uu gabdho dhalayna, iyaga ayaa

+++

lag a jarin, ?dtaa naagihiisa way soo gelin. Haddii uusan dhalinna, walaalihiis iyo xasabadiisa ayaa laga goyn. Waa Caddaalad Samada kal hore laga xukumay. Macallin Eedan, dhib kale ma heline, Caddaaladdaas ayaa ku timid!

Macallinkii isaga oo yaabban, oo murugeysan oo meel laga soo galay garan la’, oo isla sheekeysi isaga jira, ayaa isaga oo Iskoolka jooga, waxaa waa dambe Iskoolkii yimid laba nin oo Macallin Eedan goobaya. Markaas baa Maamulihii Iskoolka ugu yeeray. Nimankii ayaa yiri “Gabar Iskoolka dhigata oo Fasalka 11-aad ah, oo la yiraahdo Hodan ayuu Macallinkaani uureeyey, marka ninkaan waan haysannaa, oo sharciga ayaan ku kala baxaynaa”.

Ninkii Macallin Eedan ahaa arrintii waa beryey ayey ku noqotay. Waa jirtaa gabadhaas in uu xiriir la lahaa oo la baashaali jiray, laakiin uurkaas kuma ogayn. In uu inkir isku jiido ayuu damcey, markaas baa la helay markhaati- yaal, in uu xiriir la lahaa gabadhaas.

Isla markiiba ciidan ayaa loo keensaday, waana la kaxeeyey Macallinkii. Markii Maxkamad la isla aaday, ayuu qirtay arrintii, markaas baa Macallinkii xabsiga lagu tuuray.

Arrintii Maamulkii Iskoolka ayaa ogaaday, markaas baa baaritaan lagu sameeyey Macallinkii, lagu xaqiijiyey in uuba Macallinku ahaa Sharmuud Iskoolka ku soo guryo- laabta, kolkaas baa Iskoolkiina warqad inta soo qoray, xabsiga loogu geeyey, warqaddaas oo lagu caddeynayo in i uusan Iskoolka mar dambe imaan.
! Arrintii Eedan fadeexad bay noqotay, markaas baa

++

I kolkii uu Xabsigii ka soo baxay, Macallin Eedan waayey i Iskool uu wax ka dhigo, taas oo aakhirkii dantii ku kalliftay, in Macallin Eedan uu Xamar u soo shaqo tago.

Inta badan Shaqooyinka Soomaaliya, bar-garasho ay. lagu bixiyaaye, sidii uu shaqo uga raadiyey Xamar, w_ yaqaan, oo shaqo siiya waa ka waayey.
Macallin Eedan isaga oo maalin iska niyad-jabsan, o Laamiga Shaqaalaha maraya, ayaa gaari Harier ah, o dhiniciisa marayey inta loo istaajiyey, uu ka maqlay co gabdheed oo lahaa “Macallin Eedan”.

Weligiisba gaari noocaas ah, looma jooji magaciisana kama maqline, inta farxay ayuu u so dhawaaday, markaas baa inta la dejiyey muraayadda hore Khadiijo kala soo baxday Luqunteedii. Waa fiiriyey- markaas buu gartay, in ay tahay Khadiijo oo nimcaysatay.

Inta ku soo booday, oo salaamay, ayuu ku yiri “Allej Khadiijooy, ii warran, Wallaahi adiga ayaa la iga kaa raacay. Arrintii aan kugu dhigay ayaa Nab si igu noqotay, ee Khadiijooy iska kay cafi”. Inta salaantay ayey ku tiri “Sooi raac Macallin gaariga”.

Khadiijo sidii ay u sii wadday Macallin Eeden ayeyf geysay Hotelka Saxafi, oo halkaas qado fiican, inta ka siisey, oo misena 300 Doollar-na ugu dartay, ayey hadal) uusan filayn ku tiri, “Macallin Eedanow, runtii waxa aan doonayaa in aan kaaga mahad-celiyo hawshii aad igu; dhigtay.

Haddii aadan sidaas yeeli lahayn, Xamar ma imaadeen, Iskool sare iyo Jaamacadna kama dhigteen, shaqadaan aan hadda ka hayo UNDP ma heleen, kuma socdeen gaarigaan quruxda badan, mana guursadeen Seygayga Calasaw, oo sargaal sare ka ah Haayadda caalamiga ah ee FAO, marka aad baad u mahadsan tahay”.

NABSIGII SAMATAR SIBAABAY

Samatar iyo Yuusuf oo ahaa laba wiil oo walaalo ah, oo hal da’ kala weynaa, ayaa labaduba waxa ay kuwada noolaayeen magaalada Marka. Keligood halkaas kuma noolayne, waxaa halkaas degganaa waahdkood, waana goobta ay ku dhasheen, kuna soo bar-baareen.

Qoysku waa labadoodaas, labadooda waalid iyo hal gabar ah oo la dhalatay. Labadooda, waxaa weyn Samatar oo hal gu’ ka weynaa Yuusuf.

Markii da’da labaatanka madax kala bexeen, ayey labaduba bilaabeen Haasaawe-dumar. Waa laba wiil oo walaala ah, oo waxba ma kala qarsan jirin, oo mid walba, gabadha uu shukaansado, kan kale waa u sheegi jiray, waana bari jiray.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayey Yuusuf is-barteen gabar cusub, oo magaceeda Qaali la yiraahdo, oo markaas ula ekeyd gabadhii ugu qurxooneyd magaalada Marka. Sidii caadiga u ahayd, walaalkiis Samatar ayuu maalin soo kaxeeyey, oo uu soo baray jacaylkiisaan cusub.

Samatar, markii uu arkay Qaali, dhulka ayaa la wareegey quruxda ay gabadhaasi lahayd awgeed. Intii la- barayey oo dhan iyada ayuu ku maqnaa, oo madax-iyo- mijaba fiirinayey, markaas buu ka libiqsan waayey. Markii la is-baray, ayaa hadallo yar-yar inta Samatar iyo Qaali isku tuur-tuureen, la kala hadaafay.
Yuusuf, walaalkiis Samatar ayuu weydiiyey qoftaan uu qoor-sagaarada ku hayo sida ay ula muuqatay. Samatar, sidii horey loogu yaqaanay, ma bogaadine, waxaa uu isla i markiiba la soo booday, hadallo uu la yaabay Yuusuf,
^ waxaa uuna u shcegey In ay Qaali ula muuqatay qof aan

++

macno lahayn. Waxaa uu u sheegey, in tahay qof iska dhe< oo iska cad, laakiin mar an, oo aan waxba ogayn! Arrintaaf; waa la yaabay Yuusuf, markaas buu iska aamusay.

Sideedaba qofna lalama wadago sirahaaga, gaat ahaanna dadka – ama ha kuu dhawaadeen ama ha kai fogaadaeene – looma sheego saddex arrimooi Jacaylkaaga, Dakhligaaga iyo Horumarka aad damacsai tahay in aad ku tillaabsato, Sababtu waxaa we eye, Aadam ama ha kula dhasho ama ha kaa shisheeya e, dabciga wa) isu-quurku waa ku yaryahay.

Wax-sheegga iyo laab-xaamida, waa halka laga raai doono Yuusuf.
Maalintaas wixii ka bilawday, wiilkii Samatar ahaal wax baa galay. Gabadhii Qaali ahayd oo uu walaalkiis; jeclaa ayaa hunguri ka galay, naftiisa ayuuna la jeclaaday. Waxaa uu ku fekeray, sidii uu gabadhaas isagu u heli lahaa, una dhaafin lahaa walaalkiis Yuusuf. Waa qorshe aan fududeyn, laakiin tabteedii iyo xeesheedii ayuu go’aan kU| gaaray in uu dejiyo.

Marka hore, hawsha waxaa uu ku bilaabay, in ui isku diro labadooda. Yuusuf ayuu gabadha u fool-xumeynj jiray. Markii uu arkay, in aysan taasi u soconayn, ayuul bilaabay, isaga oo saaxiibbadiis la-kaashanaya, in gabadha] loogu sheego Yuusuf in ay suuqa isaga jirto. Laakiin taas misena waa socon weydey, oo Yuusuf ayaa inta arrintaas u dhabba-galay, ayuu wax iin ah ka waayey Qaali.
Yuusuf, dhib uma arko talada walaalkiis, oo waxa uu aaminsan yahay in uu walaalkiisa weyn jecel yahay, wax] wanaagsanna la rabo. Mar kastana waa la tashadaa. Mar-.| mar waa dareemaa, in walaalkiis uusan ku jecsanayn la-;

+

haasaawiddiisa Qaali, isaga oo aan sabab uu ku qanci karo u sheegeyn, laakiin taasna waxba kama soo qaado, oo walaalkiis, weligiis kuma arag, wax aan wanaag ahayn, oo uu la jecel yahay.

Samatar, intaas kuma harine, waxaa uu bilaabay, isaga oo mar kale saaxiibbadiisa gaarka ah kaashanaya, in dhanka gabadha la maro, oo lagu diro Yuusuf, iyada oo been badan laga samaynayo Yuusuf, oo la-leeyahay “Gabdho kale ayuu jecel yahay, gabar kale ayuu Qudba-siro ku qabaa, adiga kuma jeclee, wakhtiga ayuu isaga kaa dhuminayaa iyo gabdhaha waa xumeeyaa, inta guursado ayuu misena, markii uu ka dhargo iska furaa. Waa shan qabo oo shan sii daa” iyo erayo kale oo dira-dire ah.

Laakiin Qaali sida ay moodayaan ma ahan, waa qof caqli badan oo aragti-dheer, oo aanan si fudud ku qaadan talada iyo fekradaha dadka kale, gaar ahaanna markii ay xiriirka lammaane-yaasha joogto. Wax kasta oo loo sheego, go’aan deg-deg ah kama gaarto, ee waa u fiirsataa, waa baartaa, markaas waxa iyada uga soo baxa ayey go’aan ku gaartaa. Mar kasta oo xumaanta Yuusuf loo sheego, inta u dhabba-gasho ayey aragtaa in uu yahay wiil wanaagsan oo ceeb-ka-saliim ah.
Samatar, isagu si toosa inta ugu tago Qaali wax ugama sheego walaalkiis, laakiin dad kale ayuu adeegsan jiray. Laakiin waagii dambe, toos ayuu xidhiidh ula yeeshey, oo waa uu la-sheekeysan jiray, sarbeeb iyo guud mar mooyee, wax kale uma sheegi jirin, oo in uu arrintiisa fashilanto ayuu ka cabsan jiray. Iyaduna waxa ay u aragtaa wiilka ay jeceshahay walaalkiis e, maba sii raac-raacdo hadalladiisa. Mar kasta oo ay gurigooda timaaddo oo ay soo booqato Yuusuf, ayey inta arkaan Samatar bey isa- salaamaan, xoogaana kaf-kaftamaan.

Samatar, aad buu u jecel yahay Qaali, mar kastana w* hor-taagan tahay, oo maankiisa kama baxdo. Markii ml damco in uu la hadlo, isna sida uu rabo, waxba ugami dhaadhicin karo, iyana sida uu doonayo ma fahanto. Waa arkaa, oo wiilka walaalkiis ah ee ka yar ayey i|j dhimanaysaa, isna wax aan salaan walaaltinimo ahayn quurto. Waa la xumaataa, in uu walaalkiis ku dhaho, “Ij wareeji Qaali waan jeclahaye”.

Si uu sameeyo inta waayo, ayuu jacaylkiisii iskal aamusaa, markaas baa jacaylkaasi ku noqdaa urugo iy qaaxo ku xumaatay.

Markii ay sannad iyo hodhodho’, Yuusuf iyo Qaali wada sheekeysanayeen, ayaa jacaylkoodii ku sii wada fiday, oo uu gaarsiiyey in aysan daqiiqad kala maarmi karin, markaas bay si ay isku daawadaan 24-ka saac, waxa ay ku heshiiyeen in ay is-guursadaan. Sidaas baa la falay, oo inta Yuusuf uu dooney ayaa si gobeed labadii cidood iskugu meheriyeen. Aroos wacan inta lagalav, baa nolosha ay labadoodii galeen, Marka oo dhan gaartey, in looga wada sheekeysto.

Wiilkii Samatar ahaa, markii hore, waxaa uu damcay, in uu si farsamaysan guurkaas uga hor-istaago Yuusuf, isaga oo waalidkiis ka dhaadhicinayey, in guurka la dib dhigo, oo Yuusuf hadda shaqo fiican ma haystee, uusan reerka culays saarin, oo marka hore shaqo wanaagsan raadsado.

Waxaa uu keeney talooyin badan oo dhismaha reerkaas uu ku hor-joogsan karo. Laakiin, waalidkii ayaa arrintaas ka hor-yimid, gaar ahaan hooyadi iyo walaashiis.

Markii uu meherkii iyo arooskiiba dhacayey, wiilkii Samatar ahaa xasad iyo cuqdad baa calooshiisii la kar-karaysay. Waxaa ugu darneyd habeenkii, inta Qaali loo soo qurxiyey Yuusuf, iyada oo aad Mooddo Xuurul-ciin, loo geliyey aqalkli quruxda badnaa ee Yuusuf loo sharraxay. Ciil daraaddiis faraha ayuu qaniinayey.

Sideedaba Xasadku xad ma lahan. Ma yaqaan walaal iyo ehel iyo saaxiib dhaw toona. Waa Cudur baas oo Aadanaha ku mataan ah. Qofka uu ku koro oo uu ku weynaado nolol ciriiri ah ayuu geliyaa. Waxa uusan qof ka qaadi karin do Samada lag a soo xukumay ayuu doonayaa in uu ka xayuubiyo. Kolkaas buu weligi dhib-ku-nool yahay!

Dhibaatada ugu badan, waxa Samatar ku sii ridayey, waa la-degganaanshaha Reerka Yuusuf, oo gurigooda ayaa reerka Yuusuf lagu dhisey, lana deggan yahay. Markaas baa, subax walba waxaa iska soo hor toosa Samatar oo qod la moodo iyo Yuusuf oo nimco ka muuqato iyo Qaali qoor- dheer, oo sidii ay xalay oo dhan loola gal-galanayey, iyada oo maqsuud ah canjeelo-karin galaysa. Kolkaas buu Samatar, inta uu madoobaado, guriga isaga tagaa.

Markii ay Lix bilood arrintu sidaas ahayd, ayaa maalin Sheydaan u sheekeeyey Samatar. Waxaa uu ka raariday, in uu Yuusuf dilo, isla markaasina uu si fudud ula wareego Qaali, oo uu Dumaalo. Arrintii baa la fiicnaatay, markaas buu inta taladaas qaatay, ka baaraan- degey sidii uu u dili lahaa.

Samatar, waxa uu muddo ka fekeray, in sida ugu fudud ee uu ugu takhalusi karo ay tahay, in uu Sumeeyo. Sunta Jiirka iyo Xasharaadka ayuu diyaarsaday. Markaas buu sidii uu hadba munaasabad ula eeganayey, buu maalin arkay Aar-galaan biyo ah, oo ay Qaali u saartay Yuusuf Koomadiinka korkiisa, Yuusufna uu kolkaas Suuliga ku

++

jiro. Inta uu la soo baxay suntilsii ayuu inta guriga galay, oo biyaha ugu dhex daray ka soo baxay, iyada oo aan la arkayn.

Markii uu Yuusuf Musqushil ka soo baxay, ayuu biyhii meesha yaalay, inta qaatay, oo qur-quriyey, k% laystay Aar-galaankii. Yuusuf isla markiiba inta qasmejl ayuu sariirtii isku tuuray, markaasey wax yar kaddibb® Naftii ka haadday. M

++

Xoogaa yar kaddibba, Qaali ayaa reerkii ku dhex® dhacday, markii ay dareentay in Yuusuf uusan dhaq® dhaqaaq lahayn. Waa la isku soo baxay, kolkaas baa 1® ogaaday in uu Yuusuf dhintay. Baaritaan iyo qaabk® uu u dhintay si qoto dheer loogama baaraan-degine® “Wadnahaa is-taagay”, ayaa inta la iska dhaadhiciyey,® meydkiisii sidii lagu xabaalay. I

Caku, meel aysan Dawladu ka shaqeyn, oo aanan f lahayn Hah, Nidaam iyo Shard. Haddii, marka Qisadani i dhaceysey – oo ahayd 2000 ay Dawlad adag dalka ka jiri 1 lahayd, arrintaan waa la daba-geli lahaa, markaas baa isla I markiiba la heli lahaa Dambiile Samatar, qoortana la soo f qaban lahaa, mudankiisana la mar siin lahaa. Laakiin, haddii aysan jirin dambi-baarayaal, soo Alle Ma joogo, oo waxa dhacaya arki maayo!

Gabadhii Qaali ahayd, wiilkii ay adduunka u jeclayd, markii uu dhintayba, naxdintii ay ‘hiq’ tiri, suuxdin la dhacday. Setimaan dhan, sariirtii waa ka kici weydey. Nolol iyo geeri dhexdood beyna gashay.

Samatar, qorshihiisii koowaad waa u fulay, isaga oo I weliba aanan la fahmin, in uu qorshahaas ka dambeeyey, I oo uu dilay walaalkiis. Dadka sida ay u murugeysnaayeen,

++

xitaa uma murugoon, oo hoos buu ka faraxsanaa, waxaana u muuqatay Qaali oo uu helayo, oo uu si fudud ku dumaalayo, quruxdeedana uu ku il-doogsanayo.
Markii, aaskii Yuusuf bil laga joogo, reerkii iyo Qaalina samir galay, ayuu hawshiisii qorsheystay in uu bilaabo. Waxaa uu u tagay aabbihi, waxaa uuna ka codsaday in gabadha Qaali ah uu isagu Dumaalayo. Odaygii iyo reerkiiba arrintaas waa la qaateen, maaddaama ay Qaali ahayd gabar reerku la-wada dhacay wanaaggeeda iyo sharafteeda.

Reerkii oo dhan ayaa Qaali ula tagay arrintii Samatar, markaasey ka diiddey. Si kasta inta la yeelay, ayaa arrintii reerkii ka dhaadhicin waayeen.

Odaygii ayaa u tagay, aabbaha Qaali, oo uu ka codsaday in uu gabadha ka dhaadhiciyo in la dumaalo, oo la siiyo wiilka ka weyn Yuusuf ee Samatar la yiraahdo. Odaygii waa la qaatay, markaas buu inta gabadhii u tagay, isku dayey, in uu ka codsado, in ay Samatar yeesho, hase yeeshee, ka dhaaratay. Markii uu war ka keeni waayey, ayuu hooyadeed u diray, kolkaasey ‘nakata’ soo istaagtay. Meel kasta inta laga maray, ayaa gabadhii la soo marsiin waayey Samatar, iyada oo wax sabab ah oo ay ku diiddayna laga waayey in ay sheegto.

Markii dambe inta laga quustay, ayaa Samatar lagu yiri “Haddii aad adigu gabadha ka keensan karto, shukaanso oo keenso, annaga naga diiddaye”.
Ninkii Samatar ahaa arrintaas waa u qaadan waayey. Waxaa uuna is lahaa, waa ay kuu fududaan doontaa, oo gabadhu dumaasha si fudud ayey ku yeeshaa ninka ka dhintay walaalkiis, oo runtii arrin ugub ah ayey arrintaas ku noqotay.

Waxaa uu isku dayey, bal in uu la sheekeysto, oo uu iska dhaadhiciyo, oo uu sidaas haddii ay ku yeesho, ku dumaalo. Markaas buu meel kasta inta ka maray, oo uu wax walba sameeyey, soo jelleecin waayey! Markii dambe, inta quustay, ayuu isaga tagay.

Samatar, markaan la-taliyihiisii Sheydaan, ayaa murugo u shiday. Waxaa uu u sheegey in uu halka wiil ee la-dhashay uu dilay. In gabadhii uu jeclaa, ee uu walaalkiis u dilay, ay diidday. Wel-wel iyo murugo iyo isla hadal ayuu bilaabay. Hurdo waa ka tagay, saaxiibbo waa ka go’ay, waalidkiis waa ka aamusay, wareer iyo fara-taag-taag ayuu bilaabay. Cadaawad xun ayuu u qaaday Qaali, sababta oo ah, waa midda ku kalliftay in uu walaalkiis dilo, misena diidday.

Sidii uu u fekerayey, ayaa maalintii dambe Shaydaankii u yimid, oo ku soo tuuray talo ah, in uu gabadha uu daraaddi walaalkii u dilay, iyana diiddey, uu qudheeda ka takhaluso.

Go’aan kama dambeys ah ayuu taa inta ku gaaray, oo uu Bastoolad, wiil ay saaxiibbo yihiin ka soo qaatay, ayuu, iyada oo gurigooda hor-fadhida, Shan Xabbo Madaxa iyo Wadnaha uga dhuftay, halkaasina ku geeriyootay Qaali.
Waa Xamilla waa, Xarigle waa, oo Hambo xalaal ah waa. Samatar, isla markiiba goobtii waa ka cararay, waxaa uuna raacay gaari Xamar u socday.

Waxaa la sheegey, isaga oo khadka ka dhacay, oo ku biiray kuwa Koollada jiida, in uu darbi-jiif ku nool yahay, oo isaga oo caag Koolla ah kolkosha ku sita uu fadhiisto j Meel Xamar weyne ka mid ah, gaar ahaan luuqa u dhaw | xaruntii Korantada Dabka ee Eeneeye.