Qaranjabkii Soomaaliya

Tusmada

Gogoldhig iyo Xog Waran

Ummadda Soomaalidaa caalamku wuxuu u haystey shacbi isku mid ah, isku isir ah, wada dhashay, isku diin ah boqolkiiba-100 Muslin ah, isku af ah, luqo keli ku wada hadla, isku dhaqan ah. Hase ahaatee, qarnigaan 20aad dabayaaqadiisa waxaa soo if baxay sidii loo haystey fikrad ka duwan, waayo? Waxaa lala yaabay sidey isu gumaadeen, isu dhaceen, u heshiin waayeen; iyo naxariis la’aanta, nacaybka iyo colaadda fogaatey oo ay isu qabaan.

Haddaba, mar hadday ummadi weydo madax aqoon leh eex iyo caadifad qabiil ka fiyoow oo dalkooda iyo dadkiisa daacad u ah, una hagar baxda, waddada toosanna ku hagaajiya, wanaagga ugu yeera xumaantana ka reeba, waxaa hubaal ah in ummaddaas dhexdeeda kala-jajab iyo kala-yaac ku dhacayo.

Waxaan marar badan xusnay 1990kii ilaa 1994kii in ay dalka Soomaaliya ka dhacday wax aan horey dhegi maqal dhaayana loogu arag, taariikhdana loogu sheegin waxa buugani qoraayo haddii loo eego wixii Soomaaliya ka dhacay markii 100 meelood loo qaybiyo meel ahaan ka yar, hase ahaatee waaya arag baa yiri, “Shilkii dhacaba waayaha danbaa sheeko ka hartaa.”

Haddaba, qofkii maanta is yiraahda masiibadii Soomaaliya ku habsatey iyo mashaqadii dagaalladii qabiil sababeen wax ka qor, waxa uu la mid yahay qof dhoobo dhiiqa ah cagaha la galay, waa qof diyaar u noqday cay iyo ammaan, cambaarayn iyo bogaadin, waayo? Waxaa suuragal ah in dadweynuhu buugaag u bogo oo ammaanaan, waxaa la arkaa in dadka qaarkiis dhaliilaan markey ku arkaan wax aaney jeclayn, ama ka waayaan wax ay jeclaan lahaayeen, sababtuna waxaa weeye maahmaahdii ahayd, “Maan dad waa mudcanyo afkood,” ama “Wixii nin la toosani nin la tuur leh.” Sidaa darteed, garsoorka waxaa ku filan dadweynaha, siiba qoreyaalka iyo aqoonyahannada.

Qoraagu wuxuu isku hawlay in uu wax ka iftiimiyo dhacdooyinkii taariikheed ee Soomaaliya ka dhacay 1960kii ilaa 1994kii gaar ahaan burburkii dawladeed iyo baabi’ii deegaan, kala-jajabkii shacbi iyo guud ahaan qaranjabkii Soomaaliya. Buugga waxaa loo qaybiyey afar waaxood oo waax walba gaarkeeda u habeysan tahay, wuxuu buuggu ku qoran yahay af-Soomaali fudud oo dadku wada fahmi karo.

Waaxda koowaad waxay si kooban uga warramaysaa gobanima qaadashadii Soomaaliya tan iyo Kacaankii guusha ku bilowday guul darradana ku dhammaaday.

Waaxda labaad waxay ka hadlaysaa hawlgalladii lagu dumiyey dowladii Soomaaliya iyo ururadii qabiil ee mucaaridka ku ahaa.

Waaxda saddexaad waxay si kooban uga warbixineysaa dagaalladii qabiil iyo dhibaataday abuureen iyo darxumadii ka dhalatay.

Waaxda afraad waxay faallo ka bixineysaa heerkii Soomaaliya gaartey halkeyse maanta adduunka ka joogto, masiibadii ku habsatay iyo sidii caalamku ugu soo gurmaday.

Buugga waxaa lagu habeeyey hab dhaqankii Soomaalida, waxaa ku jira suugaan fara badan oo dhaxalgal ah: gabayo, maahmaah iyo halqabsi. Qoraagu wuxuu door biday in aan magaca qabiil la qarqarin, waayo qabiilku waa dabkii Soomaaliya gubey, buugga ka hadli maayo siyaasadihii reer Galbeedka ee guracnaa iyo shaxdii Soomaaliya loo degey.

1990kii ayaa idaacadda Bii.Bii.Sii-da barafasoor Soomaali ah, waayo arag ah waxay weydiisey su’aal ah: sidee aayaha Soomaaliya noqon doonaa, jabhaduhuse ma dhaami doonaan taliska jira? Isagoo isticmaalaya jawaab dadban wuxuu yiri, “Waxay ila tahay intaan samada la tegin waa in cadaabtii la tagaa, markii cadaabta laga soo baxo waa laga yaabaa in wax hagaagaan.” Haddaba, iyadoo xilligii dowladdii Maxamad Siyaad Barre madaxda ka ahaa dhacday ka soo wareegtey afar sano oo cadaab adduun ah, ciidamadii Qaramada Midoobey la gudoomay in ay Soomaaliya ka baxaan, ayaan u muuqan mustaqbal wanaagsan oo lagu yididiiloodaa arrintu siday noqon doontana Eebbaa og.

Codsi

Iimaha iyo wixii gef ah ama ilduuf ah oo buuggu leeyahay, iyo sida lagu hagaajin karo, iyo wixii talooyin ah ee buugan sixiddiisa ku saabsan, waxaan baryaayaa in la ii soo qoro intaan la gaarin soo-saarka labaad ee buugga.

Raadraaca Buugga

  • Qoraagu dhacdooyinka taariikheed ee buugga ku xusan badankooda goob joog buu u ahaa.
  • Suugaanta Soomaalida, gaar ahaan maansadii la mariyey 34kii sano ee la soo dhaafay.
  • Dhacdooyin ay weriyeen waxgarad warkooda lagu kalsoon yahay, wararkey idaacadaha iyo wakaaladaha rasmiga ahi soo tebiyeen, gaar ahaan Bii.Bii.Sii iyo Roytaris.
  • Qoraalladii jaraa’idka caalamiga ahi ay qoreen.
  • Masawirrada qaarkood waxaan ka soo xiganey buuggii lagu xusay geeridii Dan Eldon, oo Muqdisho lagu diley bishii Luulyo 1993kii.

Mahadnaq

Waxaa mahad weyn mudan in aan sheegana ay sharaf weyn ii tahay Shariif Saalax Maxamed Cali iyo Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle) oo gacan weyn oo dhaqaale ii geystey, oo sida runtaa la’aantoodna aan waxba ii suuro galeen. Waxaa iyana duco iyo mahadnaq weyn mudan Cabdullaahi Sheekh Jaamac iyo Fowsiya Sheekh Jaamac oo talooyin waxtar leh oo ay iigu deeqeen ka sokow dhowr jeer buuggan makiinadda wax qorta ku garaacay.

Waxaa kaloo mahadnaq weyn mudan Maryan Jaamac Siciid oo buugan kombuyuutar ku garaacday sixiddiina hawl weyn ka qabatay iyo Essa Khediwalla oo buugga daabacay, labadaa qof oo buugga soosaariddiisa suuro geliyey, dhammaan dadkaas iyo dad kale oo fara badan oo gacan wax tar leh ii geystey mahad weyn baan u celinaayaa, Eebbana waxaan uga baryaayaa liibaan adduun iyo naxariis Aakhiro.

Aw-Jaamac Cumar Ciise
Nofember 1994
Mombaasa, Keenya

Qaybta 1aad

Taariikh Murtiyeed Kooban
Gobanima-Qaadashadii Soomaaliya
Doorashadii Cod Khasaaray 1961kii
Kacaankii Guuldarrada Reebay
Ballanqaadkii Golaha Sare ee Kacaanka
Goormaa la Kala Garan?
Siduu Kacaankii Diinta Islaamka ula Dhaqmay?
Sidee Maxamed Siyaad 21 Sano Xukunka ku Haystey?
Golayaashii Kicinta Bulshada ee Kacaanka
Xaggee ku Dambeeyeen Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed?

Taariikh Murtiyeed Kooban

Sida raad raaca taariikheed iyo suugaanta Soomaalidu xusayaan ama sheekooyinka la kala dhaxlaa ishaarayaan, intaan gumeysiga reer Yurub geyiga Soomaaliya soo gelin, waxaa dalka ka jirey maamul dhaqan oo diinta Islaamka ku salaysan iyo xeer nolosha iyo maslaxadda bulshada ku dhisan, waxaa maamulka ka talin jirey wadaado Ilaah yaqaan iyo waayeel waxgarad ah iyo guurti xeerbeegtiga waaya arag ku ah, guddoonka kama dambeysta ahna waxaa goyn jirey isimada iyo boqorro la magacaabay oo hidde iyo dhaqan soo jireen ah lagu caleemo saaray.

Hase yeeshee hab ku dhaqankaas hore waxaa ka weeciyey gumeysigii reer Yurub oo qarnigii sagaal iyo tobnaad dabayaaqadiisii waddanka soo galay, aan taariikhda dib u eegno sida boqolkii sano oo gumeysigu dalka xakumayey siduu Soomaalida uga curyaamiyey saddexda nolosha aadamiga asalka u ah: aqoonta, dhaqaalaha iyo nabad gelyada; iyo sida xilligii gumeysiga aan dalka Soomaaliya meel uu yahaba dawladihii gumeysanaayey aanay waxba uga qaban, xilligii gobanimadana aan wax kaalmo ah oo wax tar leh loo siin.

Khabiir habka wax loo gumeysto aqoon dheeraad ah u lahaa ayaa wuxuu yiri, “Gumeysigu wuxuu leeyahay laba hab oo kala duwan sida gumeysi xoog iyo siyaasad ummadaha lagu addoonsado ama gumeysi xagga aqoonta maskaxda iyo dhaqaalaha laga addoonsado. Hadaba gumeysiga xoogga iyo siyaasadda ku dhisani weligii ma waaro mana daa’imo. Gumeysiga waaraa oo weligii jiraa waa kan aqoonta iyo maskaxda iyo dhaqaalaha laga addoonsado, ummadda aad gumeysanaysaan waa in aad kula dhaqantaan sidatan: afkiina bara, aqoontiina iyo ilbaxnimadiina iyo wanaagiina si dhalanteed ah u tusa, xumaantiina ka qariya, markaa waxay idiin arkaayaan dad heer sarreeya, ummadda aad gumeysanaysaan liida waxooda wanaagsan, aasa afkooda, yasa aqoontooda, liida ilbaxnimadooda, waxooda xunna bandhiga oo muujiya, waxay isu arkaayaan dad liita oo aan waxba ahayn.”

Sheeka maahmaaheed murti aqoon iyo waaya aragnima ku dhisani waxay leedahay: “Soddohey markii nala soo maaganaa, markii hore waa nala gilgilay, markii xigeyna waa nala gundhabey, oo mar yar nala geddiyey.”

Waa sheeko ka mid ah sheekooyinka la iska dhaxlo oo xikmadda iyo murtida xambaarsan, hase ahaatee qofkaan dhuuxini aad u fahmin, waxaana la yiri: Nin hodan ahaa ayaa col moora duugay oo aan waxar loo reebin, maalintii dambe asagoo gaajo iyo baahi la ildaran wuxuu u yimid soddohdii, waxay u keentay dhiil caana garoor ah, fadhi markuu caanihii dhamay hase ahaatee aanay baahidii ka bi’in buu wuxuu arkay in caanihii dhiisha gunteeda iyo agagaarkeeda ku hareen, isagoo soddohda ka xishoonaaya in uu dhiisha caanaha ka dhamaystana raba wuxuu yiri, “Soddohey markii nala soo maaganaa,” intuu dhiisha aad u ruxruxay, “Markii hore waa nala gilgilay,” markuu arkay in caanihii dhiisha gunteeda hoose weli ku dhegan yihiin intuu dhiishii salka dhulka ugu jukeeyey wuxuu yiri, “Markii xigeyna waa nala gundhebey,” markuu hubsaday in caanihii dhiishii gunteeda ku urureen wuxuu yiri, “Oo mar yar nala gediyey,” intuu dhiishii ka hoobsaday.

Hadaba dadka qaaradda Afrika dega guud ahaan waa la quursaday waana la liiday, afaf ayaan u dhalan baa la baray, afkoodiina waa la yasay, ilbaxnima aanay dhaqankeed lahayn baa la tusay, dhaqankoodii, aqoontoodii iyo ilbaxnimadoodii waa la aasay, dhibaatadaa sidey uga gudbaana waa adagtahay.

Dawladaha aqoontooda cilmi iyo awoodooda dhaqaale hooseyso oo lagu magacaabay dawladaha soo koraaya ama Dunida Saddexaad waxaa luuf luuf iyo dib u dhac ku dhacay 50 sano oo caalamku u qaybsanaa bari iyo galbeed, waxay ku dhex lumeen tartankii iyo kala-jiidashadii reer Galbeedka iyo reer Bariga ka dhexeeyey, iyadoo hadba dhinacaad la jirto mooyee dhinaca kale boqnaha ku goynaayaan, waddan kasta waxay si toos ah iyo si dadban ugu qaadeen dagaal qabow, waxay ku baahiyeen dhaqankoodii iyo dhaqaalahoodii, taasina waxay keentay in dalalkii saboolka ahaa khalkhal siyaasadeed, dhaqan guur bulsho iyo dhalan rog maskaxeed ku dhaco, hoos u dhac dhaqaale iyo nabad gelyo la’aani aad u saameeyaan.

Soomaalida markay gumeysigii ka baxday oo xornimo iyo qarannimo gaareen, magac iyo aqoonsi caalamka ku ictiraaf yeesheen, meeshii laga filaayey in ay Eebbe u mahad naqaan, Ilaahood ku xamdiyaan, gobanimada ku fara adaygaan, diinta Islaamka caddaalad iyo midnimo ku dhaqmaan, waxay u leexdeen xasad qabiil iyo diinta Islaamka oo laga fogaado iyo in xuquuqda qofka aadamiga lagu xadgudbo, aan fiira gaar ah siino 30kii sano ee Soomaalidu qaranimada qaadatay, sida loo marin habaabiyey, intee hadba gees loo jeediyey, intee afaf qalaad iyo dhaqamo shisheeye soo dhex galay, intee sandareerto aan wax tar lahayn lagu sabaayey.

Immisaa hadba magac cusub oo aan horey loo maqal macnahiisana la aqoon aan maqalay, sida dimuqraadiyadda, xisbiyada badan, suuqa xortaa, xuquuqul insaan, caddaaladda, argagaxiso, kuwaasoo dadka lagu marin habaabinaayo, si diinta qofku rumaysan yahay iyo dhaqankuu aaminsan yahay looga hadfiyo? Immisaa hay’adaha Islaamka iyo kuwa gumaysi-diidkaa loogu yeeray magacya cusub oo looga jeedo in lagu faquuqo sida asal-raac, seef la-bood, mintid, bur la-duul, kooxaa xagjira, suufiya, si looga hadfiyo qofka diinta uu rumeysan yahay.

Taliskii Kacaanka ee diktaatooriga ahaa oo 21 sannadood dalka Soomaaliya maamulaayey, sida runtaa in kastoo uu shacbiga iyo diinta Islaamka garbaduubka Shuuciyadda loo adeegsado ku hayey, Soomaalidu boqolkiiba-90 waxaa la qiray in uu tallaabooyin wax tar leh qaaday, dalkana wax ka qabtay oo dhinac kastana guul wax-ku-ool ah iyo horumar fiicanna la gaarey, hase ahaatee Soomaalida badankeedu ma kala saari karaan ninka waxtarka ah iyo wax-ma-taraha, maskax lagu fekero iyo indha wanaagga lagu arkana ma laha.

Wax kastaba ha ahaadee markii taliskii diktaatooriga ahaa la riday, waxaa habboonayd in si miyir ah, qab iyo caqli gal ah hawsha dalka loo maamulo oo inta si xilkasnimo, tolnimo iyo Soomaalinimo inta gacmaha la isu qabsado xagga Ilaah iyo xagga waddanka loo jeensado, dawlad Soomaalidu u dhan tahay la dhiso, waxaa la yiri, “Taladu daaman la qabtaa bey leedahay ee daba la qabto malaha,” nasiib darro taladii waxay noqotay in ay meeshii ka dhalato aragti qabiil ku salaysan iyo damac, dabadeedna hubka la isu qaatay, qarankii Soomaaliya la tirtiray, dad iyo dalba la baabi’iyey oo dawladdii hore oo la haaraamaayey xaggeeda bishii u caana shubatay iyagoo dadku ku Alla tuugaan “Ilaahoow Maxamad Siyaad mar noo soo celi,” aan isweydiine markaan taariikhda Soomaalida dib u raacno inta loo warhayo, ma aragnay, mase maqalay, mase la ogyahay nin Soomaali madax ka noqday, gobol madax ha ka noqdo ama guud ahaan Soomaalida madax ha u noqdee oo la ammaano ama laga mahad sheegto? Jawaabtu waa maya, mid kastaa waa sayma lagu reeb.

Taliskii xukunka adkaa waxaa laga biqi jirey in lagu xiro, waxaa bedelay wax walba filo, dil, dhac, boob, kufsi iyo bililiqaysi, dawlad la’aan, sharci la’aan iyo wax nidaam ah oo aan dalka ka jirin, markii hubkii qaranku dhallinyaro wax ma-garto ah oo reer baadiye ah gacanta u galay, ka dibna ay dadkii reer magaalka ahaa kula jeestaan iyagoo u arkay cadow xoolahoodii dhacay ama utun hore ka dhexeysay, 1991kii ilaa 1994kii Soomaalida waa sami uma beryin, markii laga reebo gobolada waqooyi bari iyo waqooyi galbeed, dilkii, dhacii, boobkii, kufsigii iyo dambiyadii faraha badnaa oo sida bareerka ah loogu dhacay waa waxyaabaha ciqaabta lagu mutaystay, Aakhirana laga yaabo in cadaabkii lagu galo haddaan laga toobad keenin.

Sida runtaa Soomaaliya waxaa ka dhacay dhibaato iyo rafaad dunida guudkeeda ka dhaca kii ugu xumaa, Soomaalida waxaa adduunka lagu tusay cadaabkii intaan Aakhira la gaarin, ciqaabtana waxa ifka ugu keenay waa qabiil, waxaa la gaarey ama lagu sigtay heer dalkii Soomaaliya ee caalamka caanka ka ahaa khariidada Geeska Afrika laga tiro oo khad madow la mariyo oo la yiraahdo dalkii Soomaaliya la oran jiray iyo dadkii ku noolaa ma jiraan waa baaba’een, Ilaahayse kama dhigin oo weli magacii waa jiraa.

Waxaa maantay la haybinaayaa dhallinyaradii tirada badneyd oo qabiil qabiilka loo hubeeyey, aan isweydiinee imisaa maantay ka nool? Qabiil kasta imisaa ka dhimatay? Jilib kasta imisuu dagaaladii ku waayey? Guri kasta imisaa ka maqan? Imisaa hanti burburtay? Intee Soomaali waddanka ka qaxday oo dalalka shisheeye iyagoo cayr ah ku nool? Maxaa dhalinyaradii mutacalimiinta ahayd dibadaha yaxyax iyo ceeb ku haysta? Maxaa Soomaalida magac xumo iyo sharaf darro ku dhacday? Waxaa fajac iyo amakaag noqotay markii talo faraha ka baxday, meeshay ka baxeen wadaaddadii diinta, mutacalimiintii, guurtidii iyo indheergaratadii laga filaayey in ay musiibada qarannimadii Soomaaliyeed baabi’isay ka hortagaan, sidii waxgaradka Soomaalidii hore caadada u ahaan jirtey.

Aqoonyahan waxgarad Soomaalidii hore waxay u tiqiin qofka wixii tegey ka sheekeeya, waxa jooga ka taliya, waxa soo socdana saadaaliya, hase ahaatee Soomaalidu maantay waxay aqoonyahan u taqaan qofka shahaadada jaamacadeed haysta sida: Bakalaruus Saynis, Majisteer Fan, Duktuuro, Digrii ama Mastarayd iyo wixii la mid ah, xataa fiqiga baxaayoobay iyo buuniga aqoondhaafka diinta Islaamka ku ah iyo muftiga afarta mad-habood ka jawaabey, midna aqoon yahan looma yaqaan! Waa yaab taa lagama faaloon karo, aqoonyahankii waddankii waxay u kala baxeen saddex qaybood:

  1. Qayb dalka ka carartay oo dalal shisheeye oo aan diin iyo dhaqan la wadaagin u dhoofay badankoodii xerya qaxooti maantay ku noolyihiin, iyagoo aan ogayn ceebta iyo sharaf darrada haysa oo weliba qaraabadoodii iyo saaxiibadoodii waddanka joogey ku guubaabinaaya, “War Soomaaliya waa u dhamaataye iskaga soo carara.” Hase ahaatee malaha waxayan dareemin dulliga iyo cawaaqib xumada ay dalal shisheeye kala kulmaayaan iyo sida mustaqbalkoodii dambe u lumay, waxaa hubaal ah in ay berri ka qoomamaynaayaan ama ka shallaayi doonaan, hagardaamada iyo lugooyada lagu hayaana ay u dheertahay.
  2. Qaybina caadifad qabiil baa qaadday iyagoo mid kastaaba ku biiray qabiilkii uu ka dhashay markay aqoontoodii siisay in ay dagaallada qabiil iyo xasuuqii ka qayb qaataan, iyagoo ka amar qaadanaaya burcad reer baadiye ah iyo oday jaahil ah oo qabiilka duq u ah, badankoodii dagaaladii bay ku dhinteen, qaarna waa ku dhaawacmeen, qaarna ayagoo dhiig dad qaba oo qaad iyo daroogo miyirkii iyo maankii ka qaadeen, xoolo iyo xarragaba beelay, qoor iyo xero la’aan iyo fool xumo meel xille la meereysanaayaan.
  3. Qaybina waddanka kama bixin, dagaalna kama qaybgelin, wixii xasuuqii iyo gumaadkii qabiil ka nabad galay iyagoo yaab iyo amakaag labada dhaban la haya, markay arkeen waxaa waddankooda ka dhacaaya iyagoo murugo iyo uurkutaalo la gubanaaya, dhaawaca iyo dhaqan guurka Soomaalida ku dhacay bey waddanka gudihiisa gaajo iyo macaluul ugu il daran yihiin, baqdin joogta ahina u dheertahay, iyagoo Ilaahood tala saartay.

Soomaalidu rag iyo haween, dhallinyaro iyo waayeel waa wada aqoon yahan, waa wada siyaasi, waa wada waddani, waayo? Miyi iyo magaalo meel kasta ha joogtee mid waliba wuxuu hadal hayaa ama ka doodaayaa siyaasad, waxaan la yaabnay fikrad idaacadda Bii.Bii.Sii-da barnaamijka “Waxay ila tahay…” laga siidaayey oo ay u direen saddexda aqoon yahan oo reer Jabuuti ahaa bishii Maarso 1994kii oo kala ahaa Maxamad Aadan Axmad, Shiikh Axmad Aadan iyo Xuseen Shiikh Qaasim markay Soomaalida dabeecaddeeda iyo dhaqankeeda darseen waxay ku cabbireen in badankoodu ka soo baxay jaamacad la yiraahdo qabyo oo ku taalla inta u dhexeysa miyiga iyo magaalada, jaamacaddaa qabyo waxaa lagaga baxaa sidey yiraahdeen nolosha baadiyaha, waxaana lagu higsadaa nolosha magaalada, waa yaabe jaamacadda qabyo waxaa laga bartaa: qabiil, qab, qaylo, qaado, qayil iyo quudhsi, waxaana laga qaataa shahaadada la yiraahdo adaa quman oo uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha jaamacadda oo magaciisa la yiraahdo anaa talin, waa la yaab kale.

Hadaba waxaad mooddaa in dadka Soomaalida badankiisu Jaamacadda Qabyo ka soo baxay, waayo? Heshiis iyo is-afgarad iyo wada shaqeyn waxaa la heli karaa markii qof waliba aqoonsado ama garto meesha uu bulshada kaga jiro ama ka geli karo, aan dhab ugu fiirsanno inta maantay ku fekereysa ama isu caleema saartay in ay madax noqdaan ama jagooyin sare helaan, ururada dalka Soomaaliya ka jira waxay la bexeen magacyo qurux badan oo badankoodu saddex xaraf lagu soo gaabiyey, waxay caalamka u muujiyaan in ay yihiin urura siyaasadeed oo danaha shacbiga Soomaalida ka shaqaynaaya, hase ahaatee runtii maaha ee waa urura toleed, mid waliba wuxuu matalaayaa ama daafacaayaa danaha tolkiis, sideedana Soomaalidu qabyaaladda si fiican bey u fahamtey, qarannimada iyo waxay tahayse ma fahmin, ammaanduulayaashii xukun-doonka ahaa badankoodu waxay ahaayeen askar sida xabbadda loo rido yaqaan, hase ahaatee aan maamul siyaasadeed waxba ka aqoon, waxay damceen in ay qalalaasaha qabiilka si ku meel gaar ah uga faa’iidaystaan, waxay soo hoggaamiyeen reer baadiyihii, markay dawladii rideena, waxay awoodi waayeen in ay joojiyaan reer baadiyaha hubka qaranka awooda u yeelay.

Ragga haatan golayaasha ka muuqda ama shirarka ka qaybgalaaya oo weliba tixgelinta iyo maamuuska la siinaayo, badankoodu waxay ka mid ahaayeen, saraakiishii ciidamadii Maxamad Siyaad, sidaasey ku heleen awooda iyo talada ay ku hogaaminaayeen mooryaantii iyo burcaddii dalkii Soomaaliya qubuuraha ka dhigay, markay hubkii dawladda gacanta ku dhigeen, waa raggii wixii waddanka ka dhacay, dhimasho iyo dhaawac, gaajo iyo macaluul mas’uulka ka ahaa, wixii hanti dawladeed iyo hanti dadweyne iyo wixii mucaawino ahaa oo waddanka la keenay qaatay, maantana waxay sheeganaayaan in ay dadka wakiil ka yihiin, ujeedadooda waxay doonaayaan in ay mar kale shaar midab kale gashadaan oo sidaa sallaanka siyaasadeed ku soo koraan si ay mar labaad dalka iyo dadka u af duubaan.

Soomaalidu raggaa waxay u haystaan in ay yihiin dambiilayaal dagaal oo dad badan gumaaday, maal badanna dhacay oo wax mas’uuliyad ahna aan qaadi karin, wax kalsooni ahna aanay ummadda ku lahayn, hadaba suuragal maaha raggii shalay dhibaatada geystey dalkana moora duugey in ay maantay wanaag ka taliyaan, haddii mallayshiyadii ay madaxda u ahaayeen, hubka laga dhigo, waxay ka cabsi qabaan in ay maradu ka dhacdo oo waxay ku taamaayeen waayaan, waayo? Kalsooni shacbi oo ka dambaysa ma haystaan.

Hadaba burburka dawladeed iyo baaba’a dhaqaale iyo jaahwareerka shacbiga ku dhacay waxaa boqol jeer ka daran dhallinyaradii da’yarta ahayd waxa ka nool oo dariiqii toosnaa ka lumay oo maantay sida dugaagga u dhaqmaaya, xaaraanta, daroogada iyo qaadka nolosha ka dhigtay, waa adag tahay si loo dhaqan celiyo ama loo toosiyo, waayo? Waa dugaagoobeen. Waxaa kale oo taa ka sii xun dhaqan habowga laga bartay deeqda ajnabiga iyo kaalmada dibadda laga sugaayo, baryada iyo tuugsiga dadkii ka indha saabtay in ay tacbadaan oo muruqooda iyo maskaxdooda wax kula soo baxaan, taasoo illowsiisay maahmaahdii Soomaalidii hore oo ahayd biyo sacabadaadaa lagaga dhergaa, murtidaasoo dadka xasuusinaysa in aan lagu hodmin baryo iyo wax aan la shaqeysan.

[sawir: qaxooti Soomaaliyeed oo dibadda u dhoofaaya]

Waxaa kaloo murugo iyo uur-ku-taalo leh dadkii Soomaalida ahaa oo dalkoodii ka guurey oo dalal shisheeye u dhoofay, Yurub, Ameerika, iyo meelo kale, iyagoo aad moodo in ay waddankii ka raja go’een, hadaba waa yaabe, yaa dalkii hooyo iyo aabbe looga tegey? Ma in ummado kale soo degaan baa? Waa hubaal dadka dalkoodii ka guuray oo dalal shisheeye ka doortay in ay mustaqbalka dhow diinta Islaamka iyo dhaqankii Soomaalida labadaba ka fogaanayaan, dalka iyo dadkana aad u dhaawacayaan, maanta dad yar baa taa dareensan waase la arki doonaa.

Goboladii dagaalada xumi ka dhaceen shacbigii degganaa wixii ka haray badankoodii waa bukaan, dhibaataday soo arkeen awgeed, dabeecaddooda iyo hab dhaqankooda iyo siday u fakarayaan, haddaad u fiirsato, waxaad mooddaa in maskax doorsoon iyo qalbi madoobaad ku dhacay, waayo? Waa wada dhoohan yihiin, waxaana ugu wacan waxaa maskaxdooda aad u saameeyey, qalbigoodana aad u dhaawacay: xabbadda sanqadheedii, dilkii, dhacii, iyo kufsigii iyo anshax xumadii qabiil ee xad dhaafka ahayd darteed sabirkii iyo dulqaadkii baa ka tegey.

Soomaalidu waxay caado iyo dabeecad ka dhigteen wax kasta oo ka xumaada iyo fal kasta oo dhaca oo sida dhabta ah la ogyahay ciddii geysatey iyo dadkii mas’uulka ka ahaa, in ay dad kale oo aan shaqo ku lahayn dusha ka saaraan. Siiba dawladaha shisheeyaha ama qabiil ama qof madax ahaa, hadaba waxaa fiicnaan lahaa in madaxda Soomaalidu yeelato geesinimo ay runta ku abbaaraan, wixii ka xumaadaa dadkii mas’uulka ka ahaa dusha ka saaraan, arrinta la yaabka leh waxay tahay in qof kasta oo eedeysane ahi isku dayo in eeddaa uu galay qof kale ama qabiil kale ama dawladda dusha ka saaro si uu mas’uuliyadda uga cararo. Run-sheegid la’aantu waa waxa Soomaaliya rogay.

Hadaba marka maanta la isweydiiyo musiibadii Soomaaliya ka dhacday cidii sababtay looma baahna in marba qolo aan shaqo ku lahayn lagu eedeeyo, waxaa haboon in runta la wada ogyahay la tilmaamo, waa in ciddii mas’uulka ka ahayd dusha laga saaraa, inkastoo musiibada Soomaalida maantay wada curyaamisay ay qabyaaladda tahay, yaa calanka u siday? Dhibaatadii Soomaaliya ka dhacday nin waliba saami buu ku lahaa, hadduu madax ahaa iyo hadduu maal qabeen ahaa, aqoonyahan hadduu yahay iyo indheer garad hadduu ahaa, siyaasi haduu ahaa iyo sarkaal hadduu ahaaba qeyb buu ku leeyahay, waayo? Mid ololaha dagaalka madax ka ahaa oo calanka u sidey, mid hubkii qaatay oo xabbadda si toos ah u ridaayey, mid xoolaha dagaalka lagu galay iyo taakulada bixinaayey, mid dibadaha jooga oo lacagta taakulada ka soo diri jiray, mid siyaasadda iyo talo bixinta oday ka ahaa, mid abaabulka iyo guubaabada iyo dagaal gelinta u qaybsanaa, iyo mid uurka ka jeclaa in tolkiisu guulaysto.

Afartii sannadood ee la soo dhaafay 1990kii ilaa 1994kii dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay dhacdooyin murugo leh iyo xadgudub fara badan, qaranjab iyo burbur dawladeed iyo baaba’ deegaan, dhimasho iyo dhaawac aan la qiyaasi karin, hadaba habeen iyo maalin waxaa la isweydiinaayaa musiibadaa geyiga Soomaaliya ka dhacday yaa mas’uul ka ahaa oo eedeeda dusha loo saaraa:

  • wixii magaalooyin la degel rogey ama daara la burburiyey,
  • wixii wershad debadda loo dhoofshey ama mashaariic la kala daadiyey,
  • wixii dugsi iyo jaamacad la dumiyey ama goob cilmi raadkeedii la tirtiray,
  • wixii hanti qaran la qaatay ama hanti dadweyne la daldashay,
  • wixii haween la kufsaday ama gabar maxajabad ahayd la xoogey,
  • boqolaalkii kun oo dagaaladii qabiil lagu diley,
  • boqolaalkii kun oo xabbaddu la tagtay iyagoo waxay galabsadeen aan la ogeyn,
  • boqolaalkii kun oo xoolihii laga dhacay oo macaluul iyo baahi u dhamaaday,
  • boqolaalkii kun oo mucaawinadii loogu deeqay laga leexsaday oo macaluul u dhintay,
  • boqolaalkii kun oo si bareer ah qabiil iyo waa reer hebel loo xasuuqay, iyagoo aan wax dambi ah gelin,
  • boqolaalkii kun oo halaagii waddanka ka socday naftooda kala cararay oo qaarna badaha ku qaraqmay, qaarna duurka iyo dariiqyada harraad iyo gaajo ugu dhinteen, qaarna wadama shisheeye qaxooti ku yihiin,

Yaa Rabbi iyo rag hortiis mas’uul ka ah oo eedeeda dusha loo saaraa? Maxamad Siyaad iyo dawladiisii miyaa mas’uul ka ah? Mise ammaanduulayaashii xukun-doonka ahaa oo ururada qabiil abaabulay oo Soomaaliya dabka ka dhex shiday ayaa masuul ka ah? Yaa eeddaa dusha loo saaraa? Waa su’aal qof walba u taal oo jawaabteeda laga sugaayo.

Aan soo qaadanno sheeka Soomaali hore oo ahayd: Waxaa jirey boqor jaa’ir ah, keligii taliye xukun adag, ma-naxe naxariis laawe ah oo ummadda jawr iyo julul ku xukumi jirey, shacbiguna aad u neceb yahay, isagoo qaati laga joogo oo Eebbe laga Alla tuugaayo in uu ka qabto ummadda, ayaa boqorkii xanuunsaday, markaasuu wuxuu u yeeray wiilkiisii dhaxalka boqortooyada lahaa, wuxuu ku yiri, “Maandhoow waad ogtahay jawrkii iyo xaq darradii aan dadka ku hayey, haddaan dhinto ceebta mayga mayraysaa?”

Wiilkiisii wuxuu ku yiri, “Aabbe waa balan intaan lagu aasin oo xabaasha lagu gelin in aan ceebta kaa mayro.”

Boqorkii waa dhintay. Wiilkii wuxuu amar ku bixiyey oo yiri waa in magaalada dhexdeeda jid boqorka maydkiisa la mariyo laga dhex sameeyo, wixii daar ah ama gurya ah oo jidkaasi ku soo beegmaan la dumiyo, qofkii aan waddada samaynteeda ka qaybgelinna la dilo. Waa la yaabay! Labada dhaban baa la qabtay, waxaa la yiri, “Boqorkii horaa fiicnaa, caadil Rabbi yaqaan buu ahaa, tan oo kale kuma kicin, kanoo kale lama arag, Allow boqorkii dhintay u naxariiso.”

Hadaba sheekadu sow uma eka xukunkii Maxamad Siyaad ee laga cabanaayey iyo kuwii ka dambeeyey waxay ummadda badeen, dadka qaarkiis waxay ku doodaan, “Musiibadii Soomaaliya ka dhacday Jaalle Maxamad Siyaad Barre ayaa ka dambeeyey,” dadna waxay yiraahdaan, “Maya, xukundoonka jabhadaha qabaa’il isu hubeeyey baa musiibadii geyiga Soomaaliya ku habsatay mas’uul ka ah.”

Waxaa xusid mudan fikrad* idaacadda Bii.Bii.Sii-da laga siidaayey barnaamijka “Waxay ila tahay…” wuxuu yiri: Dhamaan waxaa la isku raacsan yahay in Jaalle Maxamad Siyaad Soomaalida dhibaato ku hayey, Maxamad Faarax Caydiidna wuxuu ka dhiidhiyey dhibaatadii Maxamad Siyaad dadka iyo dalka ku hayey, hadaba haddaan maantay Jaalle Siyaad wax weydiino oo aan niraahno, “War maxaad dadka u dhibeysey?” Wuxuu oran lahaa, “Waxaan diidanaa burburka iyo baaba’a Maxamad Faarax Caydiid, Axmad Cumar Jees iyo Cabdiraxmaan Axmad Cali Tuur Soomaalida la doonaayeen, waxaan ilaalinaayey midnimada shacbiga iyo badbaadada qaranka Soomaaliya.”

*1/8/1993kii oo sida la sheegay uu Bii.Bii.Sii-da u diray nin magaciisa la yiraahdo Maxamad Bashiir Axmad oo xilligaa deganaa xerada qaxootiga ee Libooye.

Aan is weydiinee hadalkaa ma beensan karnaa? Innagoo aragna sida dalkii u burburay, dadkiina u baaba’ay, bal aan dib u raacno halgankii Caydiid, Cabdiraxmaan Tuur iyo Jees, ma ka heli karnaa maalin keliya oo midkood ku fekerey midnima Soomaaliyeed iyo dad iyo dal wanaagsan? Jawaabtu waa maya. Wixii dhacay waa dhaceen, wixii dhintay waa dhinteen, wixii tegeyna waa tageen. Waxaan soo jeedinaayaa fikrad cinwaankeedu yahay hees hawleedda ah: wixii rag u kaco Rabbise aqbalo waa rumaadaan.

1946kii markii arrinta Soomaaliya golaha Qaramada Midoobey la horgeeyey sidii laga yeeli lahaa aayaha dambe ee Soomaalida, wakiilkii Ingiriiska Beefin wuxuu tala ku soo jeediyey kuna adkeystay fikrad oranaysa in shanta qaybood ee Soomaaliya la isku daro oo Soomaali Wayn la abuuro, dawladda Ingiriiskana loo dhiibo iyadoo aan wax shuruud ah lagu xirin, xornima gaarsiintoodana waqti loo qabto, tala soo jeedintaa waxaa loo yaqaan Iclaankii Beefin. Fikraddaana waxaa si caddaan ah isu hortaagey dawladda Ruushka in aan Soomaali Weyn la abuurin, Ingiriisna loo dhiibin.

Hadaba maadaama gobanimadii qaranimadii Soomaaliya burburtay, maadaama Qaramada Midoobey mar labaad arimaha Soomaaliya faraha la soo gashay waa in aan soo noolaynaa fikradii Iclaankii Beefin* inagoo Rabbi iyo rag la kaashanayna.

*Iclaankii Beefin – Bevin Declaration

Hadaba culimada diinta Islaamka, mutacalimiinta, waxgaradka iyo guurtida, rag iyo haweenba Soomaali intooda ka badbaaday caadifadda cudurka qabiil, waxaa la gudboon in ay u hawlgalaan, sidii loo baadi dooni lahaa midnimadii iyo isku duubnaantii shacbigii Soomaaliya, waxa ka haray iyo karaamadii muwaadinka. Qof kasta oo magaca aqoonta u qalma waxaa dusha ka saaran mas’uuliyad gooniya iyo waajib gaar ah, waayo? Kaalinta bannaan oo meesha ka maqan oo arrintu la saldhigi weydey waxaa loo arkaa in ay tahay kaalintii mutacalimiintii aqoonyahanka ahaa, in kastoo qaarkood noqdeen kuwa dabka shidaaya oo aqoontii garab maray, halkii ay ka noqon lahaayeen kuwii dalka iyo dadka badbaadin lahaa.

Afar sannadood ayaa shacbiga Soomaaliya midiidin qafaalan u ahaa urura qabiil ku adeeganaaya oo dalkii iyo dadkii magac been ah ku baabi’iyey, waa in kuwaa raadkooda la tirtiraa, waa in talada dalka ay maamulaan aqoonyahan ka madax bannaan caadifad qabiil iyo dembiyo horey loo galay, waa in aan la door bidin in sharaf xumo lagu noolaado dalal shisheeye iyo xerya qaxooti.

Maqaalkaan oo lagu soo koobay fikrada kala duwan, waxaan ku khatimaayaa heesta qiirada badan ee heesaha Soomaalida ugu caansan waa heesta waddanigaa oo la magac baxday Soomaaliyey Toos, heesta waxaa tiriyey abwaan Cali Mire Cawaale 1947, sidey ku soo baxday iyo siday Soomaaliya ugu faaftay waqti aan kaga warranno uma hayno. Cali Mire Cawaale wuxuu ku dhashay degmada Buuhoodle 1926kii, wuxuu ku barbaaray waxna ka bartay magaalada Cadan ee dalka Yaman, ka dib wuxuu ku biiray macalimiintii gobolada waqooyi xilligii dawladda Ingiriisku Soomaaliya gumeysanaysay, wuxuu ka mid ahaa kooxdii samaysay riwaayaddii la magac baxday Qayrkaa ka Hadh oo ku saabsaneyd dhiirigelinta waxbarashada. Sida la sheegey Cali Mire wuxuu tiriyey heesa dhowr ah oo waddaniya, hase yeeshee heestii ugu horreysay waxay ahayd Soomaaliyey Toos, siduu sheegey abwaanku wuxuu tiriyey bishii Luulyo 1947kii isagoo macallin ka ahaa dugsiga Shiikh, heestii oo si habsami ah u qoran waa tan:

Soomaaliyey toos, toos oo isku tiirsada
Hadba kiina taag daran, taageera abidkiine
Idinkaysu tookhaayoo, idinkaysu taamaayee
Aadanuhu tacliin barayoo, waddankiisa taamyeel
Arligunaa tanka ahoo, sharcigasku kiin tolayoo
Luqadaa tu waaxidahoo, kuma kala tegeysaa
Tiro adhiyoo dhaxalaa, sideed laydin soo tubiyoo
Ninba toban la meel marayoo, cadowgiin idiin talin
Tuldo geeloo dhacan baad, toogasho u badheedhaanoo
Ma dhulkaa dhanee tegey baan, nina qori u tuurayn
Qarankan hubkuu tumayoo, toorayda dhaafayn
Oon taar samayn karin, uur-ku-taalla waynaayeey
Hadba waxaan la taahaayoo, togagga uga qayshaa
Nin dalkiisii cadow taaboo, u tol waayey baan ahayeey
Hadba waxaan la ooyaa, ilmadu iiga qubataa
Ikhtiyaar nin loo diidoo, la addoonsadaan ahayeey

[sawir: Cali Mire Cawaale]

Gobanima-Qaadashadii Soomaaliya

1884kii iyo 1885kii mucaahadadii Barliin ee dawladaha reer Yurub Afrika ku qaybsadeen, Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii Afrika oo ay saamiga u heleen saddex dawladood oo kala ahaa Ingiriis, Talyaani iyo Faransiis. Waxaa kaloo saami suge ka ahaa dawladda Itoobiya, heshiisyo badan markii la galay ka dib waxaa Soomaaliya loo qaybiyey shan qaybood, ayagoo aan u eegin dhaqan, qabiil, abtiris, af iyo diin midna, waxaa loo kala saaray qabiil-qabiil la cilmiyeeyey, waxaa la sameeyey maabab iyo xuduudo lagu kala sooco. Waxaa loo bixiyey magacyo loogu kala yeero, waayo waxay la yaabeen shacbi toban malyan ka badan oo isku dhaqan ah, isku diin ah, isku af ah, markaa waxay ku heshiiyeen in ay is-haysigaa kala daadiyaan.

Haddaba dawladihii Afrika ee lixdamaadkii gobanimada qaatay qaarkood xornimada waxay ku heleen halgan hubeysan iyo dagaalo faraha lagaga gubtay oo dad iyo maal badani lagu waayey, qaarkoodna waxay xornimada ku heleen halgan siyaasadeed iyo taageero ay ka heleen Qaramada Midoobey siiba Soomaalida koonfur. Hadaba Soomaaliya waxay ka mid ahayd dawladihii qaranimada ku helay halgan siyaasadeed iyo dhagaxtuur loo adkeysan waayey iyo taageerada Qaramada Midoobey oo waddada u xaaray, sannadihii halganka gobanima-doonkii socday shacbiga Soomaaliya wuxuu ku mideysnaa is-jeceyl, walaalnimo iyo Soomaalinimo asal ah, wax kastana waxaa kala qaaya weynaa xurriyadda iyo in ay madaxbannaani helaan, waa jireen shakhsiyaad soori qaadday oo gumeysiga xiriir la lahaa wax khilaaf ah oo qabaa’ilka Soomaalida ku dhex jirey ma jirin, wixii is-afgaranwaa ah oo dhacana waxaa si sahal ah loogu daaweyn jirey Soomaalinimo iyo walaaltinimo.

Haddaba ayadoo la fulinaayo qaraarkii Qaramada Midoobey gooyeen 25/12/1949kii oo qeexaayey in dalkii Soomaaliya oo Dagaalkii Labaad ee Adduunka ka hor Talyaanigu gumeysan jirey gobanimo taam ah ay qaataan toban sano ka dib, 1960kii waxaa tabaabusho xoog leh loo galay Waqooyi iyo Koonfurba gobanima qaadashadii iyo israacii labada qaybood. Beryahaas dad badan oo waaya arag ahaa oo dabeecadda Soomaalida, dhaqankeeda iyo heerkeeda aqooneedna aad u qiyaasay waxay ku taliyeen in aan xilligaan Soomaalidu maamul dawladeed hanan karin markii laga eego xagga aqoonta, xagga dhaqaalaha iyo xagga waaya aragnimada, waayo Soomaalida boqolkiiba-80 waa reer guuraa xoolo dhaqato ah sida geela loo dhaqdo waa taqaan, hase ahaatee hab maamul dawladeed uma laylyana, sidaa awgeed waxaa habboon in muddo hab maamul dawladeed loo taba baro.

Hadaba ayadoo halgan dheer la soo maray 1960kii dhammaan dadka Soomaalida miyi iyo magaalaba, waqooyi iyo koonfurba waxay si farxad iyo niyadsami ku jirto u soo dhaweeyeen uguna dabaal degeen dawladnimadii muddada dheer loo tiir tiirinaayey iyo isku darkii labada qaybood.

1960kii waxaa jagada madaxweynaha isu sharraxay laba mudane oo kala ahaa Aadan Cabdulle Cusmaan oo tolka Hawiyaha ku abtirsada iyo Sheekh Cali Jumcaale oo qabiilka Xawaadle ka mid ahaa. Sida dastuurka qaranku qoraayo doorashadaa madaxweynuhu waxaa awood u lahaa mudanayaasha baarlamaanka ku jira oo keliya.

Bishii Luulyo 1961kii ayaa mudanayaasha baarlamaanka oo ka koobnaa 12 xubnood waxay madaxweyne u doorteen Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) muddo lix sano ah sida runta ah wuxuu ahaa xildhibaan hufan, xishood badan, sharaftiisa ilaaliya, dastuurka qaranka dhawra, wuxuu ra’iisal wasaare u magacaabay Cabdirashiid Cali Sharmaake laakiin maalintaa dadweynuhu wuxuu filaayey in Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal oo reer Waqooyi ahaa ra’iisal wasaare noqonaayo markii laga eego miisaanka isku darka labada qaybood, waxaa la dhisay dawlad xubnaheedu u badan yihiin shakhsiyaad reer baadiye ah oo doorashadii gobolaysi iyo hab qabiil ku soo galay iyo calooshooda u shaqeystayaal gumeysigii waddada u sii xaaray.

Marar badan waxaanu ku celcelinay in qofka gabyaaga ahi runta iyo xaqiiqda dhabtaa ka abbaari og yahay nin kasta oo hadla, waxaa jirey gabyaa caan ah oo magaciisa la yiraahdo Xaashi Cali Barre oo saddexdii madaxweyne ee midba muddo Soomaaliya madaxweyne ka noqdey intii u dhaxeysay 1960kii ilaa 1990kii markuu jagada qabtay gabay talo iyo tusaale lagu daydo, waano iyo dardaaran ah u mariyey. Hadaba waxaa xusid mudan gabay Xaashi kula dardaarmay Aadan Cabdulle Cusmaan maalintii madaxweynaha loo doortay wuxuuna ahaa madaxweynihii u horreeyey ee Soomaaliya, wuxuu yiri:

Adeer Aadanow waxaynu nahay ehel walaalaaye
Ardo iyo inaan macallin nahay waad ogsoon tahaye
Aasaaskii Leegada markii udubka loo taagey
Ay Axad ahayd maalintaan olokadaynaayey
Axdi iyo kitaab baan lahayn laysku aamino’e
Artiikalna waad noo dhigteen odayadiiniiye
Ammiirnimada maanta adigaa Eebbe kuu amraye
Iraadada Ilaahay marakay taadu kuu idlaato
Ajashaadu ay soo dhacdee lagu asiibaayo
Oo uunku kaa tola tagaan axad laguu reebin
Asrafiilna kuu imanayoo ku imtixaanaayo
Albaabada Fardowsiyo Jannada la astareexaayo
Iyo ololka Naartuba adigey ku agayaaliine
Sidaad eegan uunka u gashaa aayad kuu noqone
Allaa igu ogoo kaad eegataan oodi kaa xigine.

[sawir: Xaashi Cali Barre]

Maalmahaa farxadda iyo raynraynta iyo dabaaldeggu wuxuu maraayey heer aad u sarreeya oo aan laga sheekeyn karin, qof kastaba, rag iyo haween wuxuu filaayey mar haddii gumeysigii laga baxay oo dawladnimo la qaatay in barwaaqo iyo nolol wanaagsan la helaayo, qaar kalena waxay la ahayd in ay malab tuuqsan doonaan, hase ahaatee markii madax bannaanidii laba ilaa saddex sano laga joogey wixii la haweysanaayey ama hanka lagu hayey lama helin, calanka oo keliya ayaa wehel ahaa. Dadweynihii in wax loo qabto ama in ay wax helaan iska daaye kuwii xornimada halganka dheer u soo galay oo naftoodii iyo maalkoodii u huray, dhibaato fara badanna kala kulmay rag iyo haweenba, markii gobanimadii la baadi doonaayey la gaaray, wax tar iyo wax dheef ay heleen iska daaye xataa aqoonsigoodii ayaa la halmaamay, taasna waxaa ugu wacnaa gumaysigii markuu xilka dalka wareejinaayey, mas’uuliyaddii dalka wuxuu u dhiibey dadkii isaga raacsanaa si ay xarkuhuu xirtay u adkeeyaan xirxirkoodiina u waaro. Xisbigii Es.Waay.El-na waxaa ku dhacay afgembi siyaasadeed taladiina gacantiisa waa laga saaray, haybaddiisiina hoos bay u dhacday, taas markii la arkay dadkii welwel iyo walbahaar buu la asaddahay, maxaa yeelay? Hoggaan habowga iyo dhaqaala xumida ka sokow gobanimadii la qaatay waxaa lugta jiidey xagga siyaasadda iyo xagga dhaqaalahaba gumeysi cusub oo qorsha hor leh la yimid iyo kuwa u adeega oo aan laga gaashaaman, shaqooyinkii iyo ilihii dhaqaale oo dhan waxaa gacanta ku hayey shisheeye ajnabiya, sidaa awgeed dalkii waxaa jaahwareer ku ridey siyaasad iyo dhaqaale aanu u madax bannaanayn oo ajnabi iyo kuwo la mabda’ ahi gacanta ku hayaan, waxaa dadka lagu maaweelin jirey doorashadii hore waxaa maamulay gumaysigii, doorashada dambe oo si xaq ah loo qaadi doono ayaa wax waliba hagaagi doonaan, waxaa la gaari doonaa nolol wanaagsan.

1964kii waxaa la qabtay doorasho dastuuri ah oo xukuumadda Soomaalidu maamulayso tartan iyo beretan iyo ololaa la galay, eexda iyo asraarka, laaluushka iyo ku shubashada iyo musuqmaasuqu waa caddaan bareer ah oo aan la kala qarsanayn, ninba calaf uu doorashada ka qaadaba ragna ku cayroow ragna koofiyad cad buu gashaday, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen baa ra’iisul wasaare loo magacaabay, doorashadu ha dhammaato Cabdirisaaq Cabdirashiid ma dhaami doonaa? Dawladda ha la dhiso miisaaniyadda Baarlamaanku ha ogolaado bisha dambe ha la gaaro, noloshii dadweynuhu waxay gaartey heer nin siyaasi ah oo Baarlamaanka ku jiraa qof uu gacanta hayo maahee aanu qof kale shaqo iyo garsoor iyo tacliin haweysan.

Haddaba markii noloshii bulsha weyntu ku xirantay nin Baarlamaanka ku jira sidaan ku xusi doono fasalka cod khasaaray qabiil kastaa iyo jilib kastaaba wuxuu u xusul duubay dagaalna u galay in uu Baarlamaanka kuraas ku yeesho, suuro galna maaha in qabiil waliba mudane helo, taasina waxay dhalisay in dadweynihii Soomaaliyeed kalsoonidii ka xumaato oo badankiisii dani ku khasabtay in ay meherad ka dhigtaan yar iyo weyn in uu mudane Baarlamaan noqdo haddaanu noqon karayna mudane gacanta qabta dhiso halkaasna indheergaratadii iyo nin kastoo wax yiqiin afminshaar laga daryeelay dabadeedna eexdii, laaluushkii, xaqdarradii noqdeen wax lagu faano oo boolidii iyo xoolihii ummadda lagu xalaashaday, nabadgelyadii dalku xumaatay, dilkii iyo dhaciina wax joogto ah noqdeen.

[sawir: Gurigii Dawladda]

Doorashadii Cod Khasaaray 1969kii

Doorasha Baarlamaan dastuuri ah ku dhisan habka xisbiyada badan tii ugu dambeysay oo ka dhacda Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ahayd bishii Maarso 1969kii, waxaa doorashadaa ka qayb galay 88 xisbi, waxaa loo tartamay 123 kursi, maxaa yeelay? Qabiil kastaa wuxuu doonaayey inuu Baarlamaanka kursi ku yeesho, si haybaddiisu u muuqato, nin kasta oo doonaayey in uu wax noqdo ama xoola helo wuxuu isku dayey siduu Baarlamaanka ku soo geli lahaa, wuxuuna furtay xisbi u gaar ah, taasna waxaa sabab u ahaa saboolnimadii dalka ka jirtey iyo tartankii qabaa’ilka ka dhex aloosnaa, doorashadii waxaa ku guulaystey xisbigii Es.Waay.El. Wuxuu helay aqlabiyad aan horay loo arag, hase ahaatee waxaa lagu eedeeyey in ay musuqmaasuq ku kaceen, waayo? Waxaa jirey dil xagga siyaasadda ah oo ciidamadu geysteen iyagoo u adeegaaya xubnaha dawladdu soo sharraxday.

Doorashadaas oo ahayd mid dastuuri ah dawladdii ka dhisantay waxaa madaxweyne ka ahaa Cabdirashiid Cali Sharmaake, ra’iisal wasaarena waxaa ka noqday Maxamad Ibraahim Cigaal. Doorashadaa waxaa loo bixiyey Cod Khasaaray, waayo? Dad badan baa ku dhintay, xubnihii Baarlamaanka oo doorashadaa ka qayb galayna xoolo badan baa kaga baxay. Maxaa yeelay? Waxay doonaayeen ama haanka ku hayeen in ay shanta sano oo ay Baarlamaanka ku jiraan ku hodmaan taasi uma meel marin, waayo? Madaxweynihii waa la diley. Dawladdiina waa la afgambiyey, sidaana horay baa xikmad gabay waxaa lagu yiri:

Waxaad aadanow maagan tahay adiyo maankaagu
Iyo meel Ilaahay ku marin kala mid weeyaane.

Maalintii Cabdirashiid Cali Sharmaake loo doortay madaxweynaha ayaa nin gabyaa ah oo magaciisa la yiraahdo Xaashi Cali Barre oo ka tirsanaa xisbigii Es.Waay.El wuxuu mariyey gabay iyo geeraar ku saabsan doorashada madaxweynaha oo ayidaad iyo dardaaran ah, wuxuu yiri:

Datoorka Rashiid iyo Cigaal Dacas wixii gaarey
Dibindaabyo iyo ceebihii laysku daba joogey
Waxay doqoni kaa raadisaa dagaamo libkoode
Dakanadii nin lihi doonihayn malaha duugoowe
Markii doorashadii laysla galay daartii Baarlamaanka
Laba door markii ay dhacday dooc isku soo raacday
Deg deg laydiin loo dalbaday digashadii leexo
La daaduumi nimankii shacbiga diiqadeyn jireye
Aniguna markii ay degeen waan ku diirsadaye
Dirirkiyo daruurtaan isbedelay deyrtan curanaysa
Deegaanta laacdiyo naflahaan dararta maalaaya
Dabeyl caafimaad lihi miyaanay idinku soo duulin
Afartaa daliilshaye haddaan dacal kaluu leexdo
Daktooryahaw Rashiidi haddii haatan lagu doortay
Aad darajadii qaadatiyo wixii la doonaayey
Digta iyo damaashaadka iyo darmaakaa yeeray
Waa kuu dabaal degey khalqiga dalakan joogaaye
Ducana waa marsheen culimadii daacadda ahayde
Waxa saan kaga danleeyahay haddaan dulucda siiraaco
Nin haddii duqnimo loo amray Daa’inku u dhiibo
Doqonimo ma fiicniyo inuu dabacsanaadaaye
Amay diradireeyaan raggaan sharaf la doonayne
Dadka inaad simaysiyo inaad qaar dallicineyso
Ay kala dambeeyaan sidii duulka reer Yurubba
Dullina weeye oo taana waan kaaga digayaaye
Dekedaa Jabbuuti iyo Hawaash diisha En.Ef.Dhii
Degmada Kismaayiyo Markiyo duudda Xamarweyne
Daaraha Hargeysiyo Burciyo degalka Laascaano
Soomaali kala daadsan oo dalaba meel aadey
Dumaddaada adigey yihiin oo laguu diraye
Haddii aad dagaal iyo haddaad hadal ku dooneyso
Annaguna waxaan diyaar u nahay inaan dareernaaye
Docdaan lawada taagan yahay dab iyo baaruude
Degdegna waxaa la sugayaa inaad duubka xirataaye
Amase daaha rogo waa wixii diley adeerkeene
Afartaa daliilshaye haddaan dacal kaluu leexdo
In dhaweyd da’da maansiyo geeraar waan iska daayayoo
Waa tii aan ka duqoobayoo inaan daalay la moodaaye
Bal aan caawa daliilshee duqoowday i dhageysta’e
Isagoo kala daadsan oo isticmaarkii dulleeyey
Ilaahay ka dulqaaday sida loo duminaayo
Looga daadihinaayo aan ku daahiriye
Diktoorkeyga Rashiidow dacwadeyda dhegeyso’e
Danta guudnimadaa iyo ha u sinnaado dastuurka
Nina yaa lagu daajinoo daara fooqyale seexan
Hadba raacin diyaarad daawashaan tagayaa dacwadiisu ahaan
Midna yaa la darbaynin la daboolin xaqiisa
Taasi waa iga dood aan ula jeedo dastuurka
Ee waxaa ii daba yaalla dableydeena bileyska lahoo
Kuwa duurka wareega ragga duunyada qaadiyo
Daalimiinta eryaayiyo weligood daba jooga
Marka ay dafaayaanoo dambigii ku caddaaday
Jeelka loo dirayoo dibutaati ordaayiyo
Duqoow baa imanaaya waa damiinanaynaayoo
Waa waxay ku dabceeno waa in taas laga daayo
Taasina waa iga dood aan ula jeedo dastuurka
Dumarkeena xumaaday diin Islaamkii ka leexdayoo
Hadba daaqadda taagan iyo dahabooyinka fiicanoo
Daadaheeya carruurta isku daaradna jooga
Dulli weeye middaasi dunidaa nagu caydaye
Waa in taas laga daayoo sharci loo dejiyaa
Taasi waa iga dood aan ula jeedo dastuurka
Waxaa ii daba yaalla
Daafacaadda dalkeeniyo raggii loo dumanaayey
Deynkii baa ku bataye doolarkii baa ku yaraaday
Deeqa ay cunayaanna carruurtooda ma deeqo
Dibaddaas ka maqlaayey Ilaahii Daa’im ahaa’iyo
Diintaadaan kugu dhaarshee wixii ay kaa dalbaan
Waa in loo dedejaa taasina waa iga dood
Aan ula jeedo dastuurka waxaa ii daba yaal
Ninka isagoon duunya ka qaadan dulmina aanu u geysan
Midka dooxa walaalkii intuu diiradle qaato
Ku dillaacsha rasaasta dubmadiisana gooya
Diyadaa laga dhiibaan dambigii wax ka saaraye
Allahii Daa’im ahaa sidii uu diinta ku sheegay waa in saas lagu daayo
Taasi waa iga dood aan ula jeedo dastuurka
Waxaa iigu dambeeya hadalkeyga ku daayey
Niman duulka Mareykan iyo Amxaarka deriskeeniyo
Dawladdaa Faransiiskiyo duul kaloo weheshaa
Dillaalkoodii ahaayoo intay doolarka qaatan
Hadba meesha dalooshiyo dallilaatiga muuqda
Dawladeena ka sheega dalka wey ka bateeno
Dureymaan ku matalayaaye iyagu waa daldalaad!

Gabaygaa dardaaranka ah waxaa mariyey Xaashi Cali Barre oo ka mid ahaa xubnihii xisbigii Es.Waay.El wuxuuna soo saaray 1969kii beryihii la doortay Ditoor Cabdirashiid Cali Sharmaarke Alla ha u naxariistee oo ahaa madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, fasir uma baahna oo ujeedada gabayga ayaa laga fahmaayaa. Qiyaastii laba bilood ka hor dilkii Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaan goor subax ah suuqa Xamarweyne bartamihiisa waxaan kula kulmay Alla ha u naxariistee mufti magaciisa la oran jirey Sheekh Maxamad Ciise “Guduri” wuxuuna igu yiri isagoo iska dhigaaya in xagga Eebbe lagala hadlay ama samada kore looga waramay: “Cabdirashiid Cali Sharmaarke waa la dilayaa mudda aan dheerayn, xukunka Soomaaliyana waxaa qaban doona nin magaciisa la yiraahdo Maxamad ninkaasu hadduu diinta Islaamka kor u qaado kuna camal falo dalkana ku dhaqo wuxuu noqon doonaa dayax afar iyo tobnaad ah oo Soomaaliya u soo baxay, taariikhdiisuna waxay ahaan doontaa tii waligeed la xuso, hadduu diinta Islaamka ka bayro oo uu ku dhaqmi waayo wuxuu noqon doonaa xidig naaf madoobe ah oo Soomaaliya u soo baxay, wuxuu reebi doonaa taariikh madow iyo cirib dambeed xun, waxaa imaan doona in qofkii magaciisa laga maqlo la dilo hadalkaa iga qor waa adigii taariikhda qori jirey.” Anigoo aan shiikhaa hadalkiisa rumaysanayn cilmi ahaana aan ogolayn, waxaan ku guntey maskaxda. Soomaalidu wax ma qorto hase ahaatee maskaxdey wax ku haysaa, maxaa yeelay? Maskaxdu waa xusuus qor wax keydisa oo markii loo baahdana laga qoro.

Bishii Oktoobar bilowgeedii 1969kii madaxweyne Cabdirashiid wuxuu bilaabay in uu ku soo wareego gobolada dalka gudihiisa qaarkood, gaar ahaan magaalooyinka kala ah Caluula, Boosaaso, Hargeysa, Burco iyo Laascaanood, taasina waxay ahayd xeer jira in madaxweynuhu labadii sanoba mar tago gobolada, mana jirin xilli go’an oo lagu beego tegiddiisa, waxaa sii raacay guddoomiyihii Baarlamaanka Sheekh Mukhtaar Maxamad Xuseen iyo taliyihii Ciidanka Booliiska Gaashaanle Sare Jaamac Cali Qoorsheel, sida runta ah xilligaas siyaasadda dalka waxaa hogaaminaayey qabiil iyo nin jecleysi, xidid iyo xigaalo, waxaa jirey 88 xisbi oo kala magac ah, in kastoo badankoodu markii dambe isugu leexdeen xisbigii Es.Waay.El, dadka badankiisu ma jecleyn xisbiyada badan, waayo wuxuu dadku u qaybsanaa qayb dherigu dabka u saaran yahay oo dhibaatada jiil aan waxba ka ogeyn iyo kuwo dhibaato iyo jaahwareer dareemay.

Maalmihii Cabdirashiid magaalada Caluula booqashada ku joogay ay odayaal qabiilka Siwaakhroon ah oo dawladda dulmi ka tirsanaayey magaala madaxda Muqdishona ka fogaa waxay u sheegeen arimo eed sheegad iyo wax qabad la’aan ah, madaxweynuhu taa ugama garaabin, jawaabtiina waxay noqotay wasiirka Arimaha Gudaha ayaan arjigiina u gudbinaayaa, nin magaciisa la oran jirey Xasan Maxamad Cawad ayaa gabay haanfiil* ah oo uu geerida madaxweynaha ku yu’anaayo mariyey, wuxuu yiri:

Run Ilaah Rashiidow ma tihid kii Ilaah rabaye
Soomaali baad kala rartay oo reerba meel dagaye
Rafaad noqotay dunidii markii ray lagaa dhigaye
Kol haddaan ra’iis sida Jamaal laguugu raacaynin
Rucbi kugu dhaca iyo cudurxunoo raarta kula jiifa
Ruush iyo midaan laga daaweyn Rooma iyo Kiinya
Kursigoo kula ruxda iyo ciidankoo talada kaa riixda
Rabbi waxaan baryaayaa inaadan raagin oo jirine

*Habaar iyo yu’asho.

Laba maalmood ka hor imaatinka madaxweynaha ayaa magaalada Laascaanood oo ahayd degmada qabiilka Dhulbahante xarunta u ah waxaa la geeyey ciidan nabadgelyadiisa ilaaliya laguna aaminay, 11kii subaxnimo 17/10/1969kii markii uu gurigii loogu tala galay tegey ayaa askari booliiskii nabad gelyadiisa ilaalinaayey ka mid ahaa si sahal ah rasaas ugu furay, waxaana barbar taagnaa oo aan waxba ku noqon gudoomiyihii Baarlamaanka oo la socday, wax lala yaabo waxaa ah in madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya si sahal ah loo dilo, taasoo kalena waa tan ummadda Soomaaliya kala gaabisay oo u kala qaybisay qabiil iyo qabiil, iyadoo Cabdirashiid geeridiisii ay haatan ka soo wareegtay 25 sano lama oga dilkiisii cidda ka dambeysay iyo sababta loo dilay midna, maalintii eedeysanihii Maxkamaddii Badbaadada ay dilka ku xukuntay, xeer ilaaliyihii guud ee maxkamaddu wuxuu yiri: “Dambiilaha xukunkiisa waa fulinaynaa, hase ahaatee dambi baarista waa sii wadaynaa.” Hadalkaa waxaa laga fahmay in aan dawladda Kacaanku doonayn in ay dilkii Cabdirashiid baaris rasmi ah ku samayso, waayo? Mar haddii gacan ku dhiiglihii la dilay sidee dambiga baaristiisa loo sii wadi karaa? Yaa wax la waydiinaayaa?

[sawir: Askarigii Cabdirashiid diley]

[sawir: Gacan ku-dhiiglihii oo maxkamadda la geeyey]

20kii Oktoobar 1969kii markii madaxweynaha aaskiisii laga soo noqday ayaa guddoomiyihii Barlamaanka oo si ku meel gaar ah hawsha u sii hayey sida uu qabay dastuurkii Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuu isugu yeeray kulan deg deg ah xubnihii Barlamaanka oo ka tirsanaa xisbigii Es.Waay.El oo markaa ahaa xisbiga talada dalka haya, si loogu gogol xaaro doorashada madaxweynaha cusub, waxaa tacsida caadadeedu ahayd in muddo aan laba todobaad ka yarayn 30 maalmoodna ka badnayn loo baroorto, doorashada madaxweynahana dib loo dhigo, sidaa awgeed waxaa lala yaabay qabashada shirkaa deg degga ah, waxaa lagu qabtay xaruntii xisbigii Es.Waay.El. Dadku waxay is waydiinaayeen waxa tacsidii madaxweynaha loo baabi’iyey ama meesha looga saaray, taas ninna faallo kama bixin karin, waxa arrintaa ka dambeeya iyo waxa imaan doona ninna maanka kuma hayn, waayo? Waxaa aad looga calool xumaa geeridii madaxweynaha sida fudud ku dhintay.

Sidoo kale madaxda iyo maamulka dawladdu ma filayn in ciidamada dhexdooda dhaq dhaqaaq qarsooni oo ku tala jira iney dawladda afgembiyaan ka jiro, waayo? Xilligaa dalka taladiisu waxay gacanta ugu jirtay xisbigii baarlamaaniga ahaa, ciidamadana waxaa la geliyey heegan geeridii madaxweynaha darteed, si ay wixii qalaanqal ah uga hortagaan, taa ayey ugu gabadeen in ay inqilaab abaabulaan. Xilligaa dhibaato ka weyn maamul xumo waddanka kama jirin, hase ahaatee waxaa jirey cabasha ku saabsan qodobada 10 ah ee Xaashi Cali Barre ku tilmaamay geeraarka halkudhiggiisu yahay Weydin Aaminayaa oo ku qoran bogga 35aad.

Maamul xumadii dalka ka jirtey waa tan keentay in madaxweynihii dalka la dilo, shacbiga Soomaaliyeed oo dhanna waa saamaysay. Run ahaantii ciidamada Xoogga Dalku taa waa ka careysnaayeen, waayo? Shacbigay ka mid ahaayeen waxna la qabeen, maalin kastana xumaanta iyo dhibaatadu waa sii kordhaayeen mana jirin Ciidamada Qalabka Sida maahee cid kale oo taas wax ka qaban kartey.

Dadka Soomaalida oo lagu tilmaamo dad xiisa badan oo had iyo jeer ku fekera in ay laba nin midna dhisaan midna sharafta ka qaadaan, aad bey dawladdii rayidka ahayd u naceen, dadka qaarkii waxay la ahayd in dawladii Soomaaliya sii galbatay, sidaas awgeed waxay ciidamada ku tir tirsiyi jireen in ay xukunka dalka la wareegaan sidii xilligaa ka dhacday dalal badan oo Afrikaan ah, sida badan Soomaalidu ma aha dad xisaabtama ama ka fekera sidey arrintu gadaal ka noqon doonto, hadaba kuwii sidaa ku talinaayey waxayan fahamsanayn dhibaatada xukunka askarigu leeyahay, dad badan oo kalena waxay filaayeen in ay gobanimada la qaatay wax ku helaayaan, hase ahaatee markey waayeen waxay filanaayeen bey dawladdii ku kaceen.

Hadaba kuwii wax qabadka dawladda saluugaayey iyo kuwii waxay filaayeen waayey labaduba waxay mariyeen maanso fara badan oo ay dawladdii rayidka ahayd ku dhaliilaayaan xubnaha Baarlamaankana ku eedeynaayaan, gabayadaa aan ka soo qaadanno gabay aanu araartisii dhaafnay oo uu mariyey gabyaa aad loo yaqaan oo la yiraahdo Aaden Yuusuf Axmed oo ku magac dheeraa Aadan Carab kuna abtirsada degmada Buuhoodle, oo sida runtaa gabaygiisii dawladii iyo dadweynihiiba aad u saameeyey, gabaygiina waa kan:

Ingiriis dalkiisii murxay oo cunay magoolkiisa
Isagoo masaafira haddaan subax ku miidaanshey
Oo lagu mintiday wow dhamayn minawarkaan fuullay
Maskab kama dhaxline wiilal baa helay macaankiiye
Kun nin baa martabadii u haray ama muluugtiiye
Inta kale mus ood laga rogtay meerayaan dibade
Sidii baan marqaafa u sitaa ama Mareykaane
Sidii baan mankaar lagu gubtay iyo milic ujoogaaye
Sidii baan maqaar ugu gam’aa meel la ii dhigaye
Sidii baan madaal dheri karshiyo rodol u miistaaye
Sidii baan macaash uga gataa harag miciinkiise
Sidii baan miraa uga gurtaa madaxa toomoode
Sidii baan u macaluushanahay oo mud dhuubnahaye
Sidii baan manjaa ugu socdaa moodhar liidiiye
Sidii baan mawaashiga hayaan ugu maqiiqaaye
Sidii baan martida caana qura ugu macsuumaaye
Sidii baan tacliin uga madhnahay machadka diimeede
Sidii baan macruufka u sugaa macallinkiisiiye
Sidii baan madow ugu jiraa maato iyo ruuxe
Sidii baan xafiis meel fog jira ugu muctaadaaye
Haddii laba nin oo wada Muslima madaxda loo geeyo
Sidii baa guddiga loo maraa wax u masaynayne
Sidii baa miskiin tulud lahaa looga marayaaye
Kuwo midabka Soomaali uun lagu malaynaayo
Sidii buu kiniin uga mutaa maralka jiifaaye
Sidii buu rumaan ugu murxaa kii maxbuus ahiye
Sidii buu dalkii naga maqnaa muran u joogaaye
Marsadii Jabuutaanba weli soo mihiib kicine
Sidii baa sharcigu mayd uyahay aan murwa lahayne
Haddii dumar maxaajabad ahaa milicsi loo diido
Iminkey dharkoodoo milmila suuqa marayaan
Miidaanka noogama baqaan mana mastuurtaane
Muqdishaba horteed waa dhaqneyn marag Ilaahaaye
Isagaa maqasyada ee wax kale looma maamuline
Bal muxuu micneeyoo na taray ministarkaan doortay?
Af uun malaba shicibkii haddii lagu mashaysiiyo
Oo aan muraadba u qumayn mooye say noqone
Waa nala madaarshaynayaa tan iyo maantiiye
Mahdigii naloo sheegay iyo malihii beenowye
Manqaa lagu sabaa had iyo jeer muugga dhalanteede
Hadba waxaan maqallaa boqol malyuun waa mucaawina’e
Maalkii arladaa loo qabtiyo meeye lacagtii
Mooskada ragga u duulaya maylka tirinaaya
Goormay waxay muujiyeen lagu manaafiici?
Ma mardaadi baa socodka aan miiqna la qabaneyn?
Sow riigna noogama mudaan madasha Buuhoodle
Bal intee muddaa oo sugnaa maaxda imanaysa?
Bal maxaase hay muuqatee marada loo qaatay?
Mukhlis iyo haddaan lagu shaqeyn orod maleegnaana
Ma xiniin yahay moodayaan muunad nala saaray?
Ma naftiina maara u qabtaa nimanka loo miiray?
Maasha iyo haddii aan miilka saro malow miyey fuuli?
Ma mucaarid baan ahay haddaan xaqa ku maansooday
Bal muxuu micneeyoo na taray ministarkaan doortay?

Haddaba gabaygan iyo gabayo kale oo xilligaa la mariyey waxay tusaale ka bixinayaan sida dawladdii madaniga ahayd dadweynihii u nacay, arrimaha lagu eedeynayey waxaa ka mid ahaa himaddii iyo rajadii la qabay oo la waayey, dhibaatadii siyaasadeed iyo tii dhaqaale oo dhinac kasta ka sii dartey, xaqdarradii oo noqotay wax lagu faano, nin waliba wuxuu doonay inuu siduu rabo wax u maamusho, sharcigii waddanku lahaa oo u muuqdey wax meel la iska dhigay, maslaxaddi guud oo laga doorbiday maslaxaddii gaar ahaaneed.

[sawir: Aadan Cabdulle Cusmaan]

[sawir: Cabdirashiid Cali Sharmaarke]

[sawir: Jaalle Maxamed Siyaad Barre]

Kacaankii Guuldarrada Reebay

Markii la isweydiiyey lama sheegin abaabul afgembi oo ciidamada hubka sidaa ku tala jireen dilkii madaxweynihii Cabdirashiid Cali Sharmaarke kahor, hase ahaatee waxaa jirey shakhsiyaad aan iska warqabin oo shirqoola qarsoon maleegaayey oo dawladii rayidka ahayd ka soo horjeedey mucaaradna ku ahaa oo had iyo jeer xumaan falkinaayey.

Janaraal Maxamad Siyaad Barre qudhiisu saafi ma ahayn dawladdana daacad uma ahayn, hase yeeshee markuu arkay in kaalintii madaxweynuhu banaanaatay wuxuu is yiri maantay kuu degataye yey ku dhaafin, taa ayaa ku dhiirri gelisey in uu jagadaa banaan xoog ku qabsado, sida la sheegay ciil qab hore ayaa ku jirey waayo laba todobaad ka hor ayaa golihii wasaaradda oo Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal madaxda ka ahaa warqad u qoray iyadoo lagu leeyahay, waxaa la gartay inaad cilmi kororsi gaaban Talyaaniga u tagto, isaguna taa ma dalban. Hase ahaatee sida la sheegay ujeedada ka dambeysaa waxay ahayd, markuu ciidamada ka dhex baxo in hawl gab laga dhigo oo taliye kale ciidamada loo magacaabo, waayo? Dareen weyn baa laga qabay, taasina waxay ahayd arrin meesha ku jirtey oo aragtideeda gaar leh, isaguna taa waa garan soonaa.

Si kastaba arrintu ha ahaatee galabnimadii isniinta 20kii bishii Oktoobar 1969kii ayaa Baarlamaankii fadhi aan caadi ahayn oo uu lahaa ku kala dareeray, iyadoo balantu tahay in subaxdii la isugu soo noqdo, ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed dilkii madaxweynaha daraadiis, waxaa laga dhigay heegan waxay sugaanba waa amar siin oo galiya habeenimadii talaadada 21kii bishii Oktoobar 1969kii qiyaasta saacaddu markay ahayd saddexdii aroornimo ciidamadu waxay ku dhaqaaqeen iney qabsadaan meelihii magaalada Muqdisho halbowlaha u ahaa oo dhan. Magaalada Muqdisho waagaas siday maantay tahay waa ka yareyd, intey maantey baaxaddeedu le’eg tahayna waa isaga dhoweyd, waxay ahayd magaalo afarteeda gees la iska arki karo. Jamhuuriyadda Soomaaliya oo dhamina waxay ka koobnayd siddeed gobol oo kaliya, gobol kastana magaalo madaxdiisa waxaa fadhiyey ciidan qiyaasta hal urur ama laba urur ah gobolka Bari maahee.

Subaxdii markii Idaacadda Muqdisho laga maqlay in Ciidamada Qalabka Sidaa dawladii madaniga ahayd afgambiyeen aad baa dadweynuhu ugu sacbiyey, haweenkuna ugu mashxaradeen, dadka miyi iyo magaalaba waxaa la qiyaasay boqolkiiba-70 in ay u riyaaqeen oo u arkayeen guul Soomaaliya u soo hoyatay, boqolkiiba-20 waxay yiraahdeen ninkii hooyadey guursadaaba waa adeerkey, boqolkiiba-10 waa diidanaayeen oo waxay u arkaayeen nasiib darro iyo dhibaato Soomaaliya soo food saartay, waayo? Xukun qori caaradii lagu wadaa waa dhibaato.

Afgembigaa wax dhiig ahi kuma daadan, guddoomiyihii Baarlamaanka oo jagadii ra’iisul jamhuuriyahana si ku meel gaar ah u hayey Sheekh Mukhtaar Maxamad Xuseen iyo ra’iisul wasaarihii Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal iyo wasiiradii dawladii rayidka ahayd oo dhan waxaa lagu xiray magaalada Afgooye hase ahaatee hal sano ka dib waa la siidaayey iyagoo aan maxkamad la geyn, mar Janaraal Maxamad Siyaad la weydiiyey dadkii dambiyada galay Kacaanka ka hor wuxuu yiri: “Dad badan baa dambiyo siyaasadeed iyo kuwa dhaqaaleba galay, hase ahaatee haddii la yiraahdo dambiyadaa dhamaantood ha laga gooyo, Kacaanku wax yar buu qaban lahaa ama waxba ma qabteen waayo taa uun buu daba taagnaan lahaa, siyaasadda Kacaankuna ma hayn in ay cid ka aargoostaan.”

23kii Oktoobar ayaa Janaraal Maxamad Siyaad hadal dheer oo uu kaga warramaayey wixii afgembiga ku kallifay iyo waxay damacsan yihiin Idaacadda Muqdisho ka siidaayey, hadalkiisii waa loo bogay, hase ahaatee ma run baa mise waa been? Maxaa xigi? Taariikhdaa sheegi doonta, khudbaddii uu maalintaa jeediyey oo wax lagu kordhin waxna laga dhimin siduu u yiri ah waa tan:

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Waxaa nasiib wanaag ii ah inaan maantay awood u leeyahay in aan shacbiga Soomaaliyeed hadal u jeediyo, anoo uga warramaaya tawradda Ciidamada Dalka Soomaaliyeed, oo sidaad maqasheen awooddii dalka la wareegey iyo waxa ku kallifay iyo waxay haatan damacsan yihiin iyo waxa ay ka doonaayaan guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed.

Sidaad ku cilmi leedihiin dalka inqilaabkii ka dhacay wax dhibaato ah oo naga soo hor baxay ma jirin, maalinkaan maanta ah meel kasta waxay ku jirtaa gacanta xoogga ciidamada, nabad gelyo weyn baa dadku haystaan, wax walibana sidii caadiga ahayd bey u soconaayaan.

Hadii lays weydiiyo markaas, maxaa madaxda ciidamada (ofisarrada) iyo ciidamada dalka Soomaaliyeed inqilaabka ku kallifay? Jawaabtu waxay noqon kartaa ma ahayn inay bedelaan qoladii hore oo jagooyinka haystay, ma aha inay daraja doon ahaayeen, ma aha inay kursi doon ahaayeen, ma aha inay maslaxad nin khaas u ah ama dad gaar ah khaas u ah iney daba socdaan, waxay u jeedi waayeen oo dhibsadeen dhibaatooyinkii badnaa oo dalka ka dhacayey oo ay ka mid ahaayeen laaluushka, qaraabo kiilka, tuugada iyo wixii nidaam xumada iyo dishibiliin la’aanta ahaa. Diin la’aanta iyo iimaan la’aanta ka dhacday wadanka oo ay ka mid ahaayeen in nin kastaaba uu u bareeray xaaraanta isagoo xalaasha ka wareegaaya sababtuna ay tahay xukunka oo sida xaqu yahay in lagu wado aan lagu wadin, waxaa ku kalliftey in ay muuqatay sharcigii wadanku lahaa in uu lumay, wax damboo lagu qabsanaayaa aanay muuqan, waayadan damboo idil waxaa jirtey in nin waliba uu gacantiisa ku shaqaysto ama siduu wax u maamulan karo uu u maamusho, sharcigana uu meel iska dhigo, nacam, xataa famiili ama qoon xigta ah Alla ha ka dhigee haddii aanay dishibiliinka iyo sharciga dhawrin ama nidaamka iyo xeerka u dhigan aanay dhawrin, ma dhici karto inay horey u kacaan, ma dhici karto inay faa’iido dhaqaale iyo faa’iido taclliin ah iyo faa’iido difaac iyo midda insaaniga ah iyo midda sharafta leh midna ma yeelan karaan.

Dhibaatooyinkaas iyo kuwo kaloo aanan koobi karin oo aad idinkuba ku cilmi leedihiin, oo ay ka mid yihiin sidii shacbiga Soomaalida oo ay xoolihiisu ay ahaayeen waajibaadkuna uu ahaa, in marna laga soo urursho marna si xaq ah loogu qaybiyo, in loogu tagri falay dariiq aad iyo aad uga durugsan wixii danaha dalku ay ahaayeen, waxaa dhashay, markii waxaasoo dhan laysku soo ururiyo in uu wadanku khatar galay, oo xataa xornimadiisii ay suuro gashay inay ku dhawaatay in ay gacan cadow galaan, gaadhayna wax la soo wadaba oo maalinba heer la soo istaajiyoba in madaxdii casiisiinta ahayd iyo waddaniyiintii hore ee dalka u soo kifaaxay la laayo, markaa Soomaaliya inay ku dhacdo taariikh la’aan, mabda’a la’aan, siyaasad la’aan, sharci la’aan, wax waliba in ay madaxa is gashadaan.

Hadaba waxaan moodaayaa in aanu ku dhaaranay in aanu daacad u ahaano waddanka Soomaaliyeed, faalladii kaasaa ka mid ah, in aanu daacad u ahaano shirciyaasha loo dejiyey iyo maslaxadda caamka ah iyo horruu kaca waddanka, kuwaa kuwo kaloo ku jirey waa jireen, laakiin runtii waxaan ka eegaayaa nuqdadaha bacdamaa dadka qaarkii ay dhibi karaan, markaad colbo di stato samayneysay sharci baad dumisay ay dad dhibi karaan.

Anigu waxaan leeyahay annagu sharci ma aanu jebin ee kii la jebshay baan meeshiisii ku soo celinaynaa, maxaa yeelay? Dhaartii iyo ballantii aan qaadnay aniga iyo ragga saaxiibaday ahi oo aanu shaqada wada haynay waxaa ka mid ahaa inaanu daacad waddanka u ahaanayno, dadkiisa daacad u ahaano, sharciga waddanka inaan dhawrro, haddii intiiba la baaba’shay waxaa dambaa aanu sugaynaa markaa maxay tahay? Anigu waxaan is leeyahay lagama maarmaan bay ahayd inaanu dhaqaaqno marakan.

Maxaa yeelay? Cawaaqib xumo waxaa u dambeeyey in presidente Cabdirashiid iyadoo Booliiskii iyo nin waliba taagan yahay president-ihii assembl-iga Baarlamaanka uu taagan yahay nin kastaa uu taagan yahay oo ay shir tahay wiil gaban ah, oo aanay is aqoonin oo aanu eed ka qabin oo wuxuu ka rabay aan la aqoonin uu xadda ku daldalo, taasi yacni waxaa weeye faa’iidkii ka dhashay dulmigii iyo xukun xumadii dalka heysay, markaa wixii nagu kallifay intaas bay ahaayeen, waxaa aanu doonaynaana waxa weeye in aanu wixii noocaas oo kale ah baabi’inno, inaanu ka yeello dalkeena dal ku dhisan sharci, inaanu siino dadkeena nabad gelyo taam ah oo uu ku gaaray sharciga waddanka u dhigan iyo waddaninimadiisa.

In nin khoofa oo waxuu ka baqaa aanay jirin, haddii uusan dambi lahayn, inta dambiilayaalka ah oo waddanka iyo shacbiga ku gafay iyo sharaf laawaha keliyi waa inay baqaan. Laakiin dadka casiisiinta ahi waa inay nabad gelyo taam ah helaan oo aanay biqin, inaanu dalkii ka dhigno dal sharci ku dhisan inaanu dadkii ka dhigno dad sharciga u hogaansan oo cis iyo xurmo leh, nin iyo nin ay dani ka dhexeyso, hayb iyo hayb la’aana ay ka dhexeyso, caammiyaduna ay ictiqaadsan tahay inuu lagama maar maan yahay, waxaanu doonaynaa inaanu ku tallaabsanno inaanu laaluushkii iyo qaraaba-kiilkii baabi’ino.

Waxaanu doonaynaa in aanu ku tallaabsanno qabiilkii xumaa oo laynaga soo gelaayey baabi’ino, oo ajnabigu markay doonaayaan in ay na halleeyaan ay ku tiirsan jireen, sibabna ka dhigan jireen: adigu qabiilkee tahay? Adigu kaasaad tahay, hebel wax baad isu tihiin, hebel wax buu kaa sheegaa, inuu idinka hormaruu rabaa, wixii ay taxi jireen nidaamkii gumaystayaalka ahaa, oo haatanna masawirkooda beenta ahi uu nala joogo, inaanu baabi’ino oo raadkooda tirtirno meeshii aan dadku isku kalsoonayn ama aanu iimaanka lahayn ama u adeegayaalka ajnebiga ah, ama ajnabiga naftiisu ay ka soo geli jireen inaanu awdno, oo ay Soomaali Wayn bar bar isu raacdo, kuwa waxaas miskiinka ah taabacsanna aanu geed cid la’ ah ku xirro, dadkoo dhanna ay ugu muuqdaan kuwo ceebaysan, waxaanu doonaynaa dhaqaalaha dalka inuu horey u kaco, in shacbiga Soomaaliyeed caafimaadkiisa iyo qawmiyaddiisu horey u kacdo, waxaanu doonaynaa inaanu dhallino qawmiyadda la yiraahdo Soomaali oo midnimo iyo wax wada qabsi iyo wada noolaansho taam ah leh, waxaanu doonaynaa inaanu dadkayaga ku beerno inay ceeb tahay xanta iyo beenta, afminshaarnimada iyo masabidaada, jaajuuska iyo been abuurka iyo waxa qashinka ah oo aakhiro iyo addunkaba ku fool xun, waxaanu doonaynaa diinta Islaamka ee aynu haysanno oo la halleeyey oo loo bandhigay nin kastaaba inuu ku cayaaro, inaanu xooga aanu haysanno ku gees istaagno si diintu ay quwi u noqoto, bacdamaa ay tahay gundhiggii Soomaaliyeed.

Waxaanu doonaynaa in aanu sharafka Soomaalida daakhilka iyo khaarijkaba uu kaamil noqdo, waxaanu doonaynaa inaanu iskeena iyo xooggeenna wax ku qabsano oo barwaaqada dalkeena ku jirta aynu ka soo saaranno si aynu gaajada iyo gacan hoorsiga sannadkii walba ah uga baxno, markii xoogaa yar oo dhib ah nagu imaado, waxaanu doonaynaa in aanu adduunka ula macaamiltano annagoo sharaf ku leh, anagoo xeerka ku taagan inaanu saaxiibnimo iyo wanaag kula macaamiltanno, ninkii naga doonaaya, waxaanu doonaynaa inaanu garab u noqono nabad gelyada adduunka kuwa ka shaqeynaaya oo jecel, waxaanu doonaynaa in aanu col ku noqono kuwa wax gumaysta oo idil ama maskaxdooda iyo caqligooda uu ku dhisan yahay in ay qof kale gumaystaan daakhilkeena ha ahaato ama bannaanka ha ahaatee, waxaanu doonaynaa in aanu ku dhaqaaqno horruukaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed dhan kastaba ha laga eego’e.

Hadaba shacbiga Soomaaliyeed waxaanu waydiisanaynaa in uu tawradatan ay sameeyeen niman hub wata oo Soomaali ah, laakiin isku waday markay sameynaayeen in ay ka wakiil ahaayeen shacbiga Soomaaliyeed guud ahaantiisa: mid miyi jooga, mid magaalo jooga, mid mutacalim ah iyo mid duur jooga, mid curyaan ah, mid caafimaad qaba inay ka wakiil ahaayeen, taladu in ay ahayd keli ahaan in ay wax u qabtaan, dabadeedna ay yiraahdaan waxa kanaan idiin keenay, dabadeedna iyagoo shacbigooda la jira ay ku tallaabsadaan maamul wacan iyo horukac sidii ay ku gaari lahaayeen.

Shaki igagama jiro shaqaalaha, dhalinyarada, ardada, beeralayda iyo reer guuraaga, ikhyaarta, culimada, baayacmushtariga, iyo shacbiga Soomaaliyeed meel uu joogaba inuu nagu taageeraayo si aanu ugu tallaabsanno annagoo aar waqti dambe naga lumin, annagoo garanayna micna darradii afminshaariinta iyo hadalkii aan qiimaha lahayn; in aanu xooggayaga iyo maskaxdayada iyo xoolahayaga intaanu isku ururino dalkeena iyo dadkeena faa’iidkooda iyo dhaqaalahooda kor u dhigno.

Sida aad uga maqasheen Ideecadda waxaa la arkay ama la qabtayba gawaari dawladdu ay lahayd oo tagaasi loo bedelay, waxyaalaha dhacaayey taa keliyaa inoo ishaaraysa, waxaanu anagu is leenahay aad ku tallaabsateen ama aad dadka ku hoggaamiseen, wax ka qabashada saddexda maalmood maalmood oo qura, iyadoo tawraddu ay jirtey, ay durbadiiba aragtay, dunuubtii waaweynayd, ayna ku soo celisay gacantii shacbiga gawaaridii danta shakhsiga ah loogu isticmaalay, waad mahadsantihiin, waxaanan dhawraayaa hayb kasta ha lahaada’e in qolo waliba ay ka jawaabto abbeelahaas aan samaynaayo oo aan leeyahay wax nala qabta, annaguna diyaar baanu idiin nahay inaan idiin adeegno.

Sida aynu ku aragnay adduunkoo idil, waxaan shaki ku jirin in tawradatan u kacday inay danta dadka iyo dalkiisa ay hore u dhigto, waxaan shaki aanu ku jirin in ay ku kici doonaan nimankii gumaystayaalka ahaa oo dantoodu ahayd inay ummadda gaajo, cudur iyo jahli ku hayaan, si ay mar walba dad gun ah ugu ahaadaan oo ay gacanta ugu hoorsadaan, si ay mar walba iyaga uga haybaystaan iyaguna ay yihiin dadkooda kuwii iyaga ahaa, waxaan shaki nagaga jirin in ay qalab badan noo urursanaayaan, waxaan shaki nagaga jirin inay dad badan shaqo gelinaayaan, inay kharash badan bixinaayaan, waxaan shaki nagaga jirin inay mu’aamaraad badan isku duwayaan ama ay khatalaad badan ay noo qoolaayaan.

Waxaan shaki nagaga jirin dadka aynu isku dadka nahay oo Afrikaanka ah ama ummadaha kale oo adduunka jooga in ay been nooga sheegaayaan oo nagu diraayaan. In kastoo ay sidaas tahay waxaanu aad ugu kalsoonahay midnimada dadka qalabka sida oo geesinimo ugu istaagay inay xoreeyaan mar labaad waddankooda, waxaan shaki nagaga jirin midnimada shacbiga Soomaaliyeed gidigiis oo idil, waxaan shaki nagaga jirin qof kasta oo xilkas ah in uu tawradda is garabtaagaayo iyagoo u jeeda wanaagooda, xornimadooda iyo gobanimadooda.

Haddii aanu markaas helno wada jirnimadaas iyo dhiifoonaantaas waxaan shaki ku jirin cadowgu waxay naga tari karaan ma doonaan.

Duleedka keliya oo ay heli karaan waxaa weeyaan sida ay weligoodba ku shaqeeyaan: inay dadka kala qaybshaan, ka dibna raadshaan inay xukumaan ama dulleeyaan, waxaan markaa idiinku yeeraayaa midnimo Soomaaliya oo mid ah oo meel u wada jeedaa danaheeda inay daafacdo, cadowga midabyada badan leh, afafka badan leh oo luqadaha badan ku isticmaala.

Soomaaliya ha noolaato. Shacbiga Soomaaliya ha noolaado. Tawradda mutaxararka ahi ha noolaato.

Balanqaadkii Golaha Sare ee Kacaanka 1969kii

30kii bishii Oktoobar 1969kii waxaa si rasmi ah loo faafiyey ballanqaad ka kooban 13 qodob oo lagu magacaabay Axdigii Kacaanka 21ka Oktoobar 1969kii oo sida loo sheegay ahaa dastuur ay ku heshiiyeen saraakiishii ciidamada ee xukunkii iyo awoodii dalka la wareegey. “Qodobadaa saddex iyo tobankaa” haddii sida loo qoray loogu dhaqmo ama waxay qeexaayaan si daacad ah loo fuliyo qiima weyn bay lahaayeen, hase ahaatee kitaabkii Quraankaa ee samaawiga ahaa oo Ilaah ummaddiisa u soo dejiyey ayaa lagu camal fali waayey oo si cad loo diiday in lagu dhaqmo, maxaa laga filaa askari xukunkii dalka xoog ku maroorsaday qodobo uu warqad ku qoray. Hadaba mar hadday taariikhdu tahay wax lagu cibra qaato ama laga qiyaas qaato qodobadii iyagoo af-Ingiriis ku qornaa oo af-Soomaali lagu tarjumay waa sidatan:

Siyaasadda Gudaha

  1. In la dhiso ummad u siman shaqada oo aan la kala soocin, ayada oo la tixgalinaayo wax kasta oo saameynaaya nolosha dadka Soomaaliyeed.
  2. In lagu hanuunsho dadka horumarinta dhaqaalaha, nolosha guud iyo iddaha Soomaaliyeed, si wadanku horey ugu maro.
  3. In la cirib tiro aqoon darrada, dadkana loo iftiinsho qiimaha dhaxal galka ah ee hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
  4. In la sameeyo sida ugu haboon saldhigii qorriinka iyo horruumarinta afka Soomaaliga.
  5. In la dhameeyo musuq-maasuq oo idil, qaraaba kiilka, qabyaalada iyo wixii kale ee kharibaad ah oo dhan.
  6. In la baaba’sho axsaabta siyaasada oo dhan.
  7. In la sameeyo waqtigii ay habboonaato doorasho madax bannaan.

Siyaasadda Dibadda

  1. In la taageero ururada gobanimo doonka ah iyo iskaashiga adduunka.
  2. In la horjoogsado la lana dagaalamo gumaysiga iyo gumaysiga cusub.
  3. In lagu dadaalo sidii dadka iyo dalka Soomaaliyeed la isugu keeni lahaa,
  4. In la aqoonsado mabaadi’da nabad gelyada iyo wada noolaanshaha dadyawga adduunka.
  5. In lagu socdo siyaasad cad ee dhex-dhexaadka ah.
  6. In la aqoonsado mabaadiida Ummadaha Midoobay iyo ururka Midawga Afrika.

2dii Nofember 1969kii 10 maalmood kadib markii Maxamad Siyaad iyo askartiisii xukunkii dalka la wareegtey, wuxuu soo magacaabey gole ka kooban 24 xubnood oo loogu magac daray Golaha Sare ee Kacaanka oo ku habeysan hab qabiil iyo hab goboleed iyo xukuumad maamul oo madani ah oo Golaha Sare hoos timaada. Sidii ka muuqatey aragtida dadweynuhu ka qabey ma xumeyn, tallaabo kasta oo ciidamadu beryahaa qaadaan waxaa loo arkaayey guul waana loo sacab tumaayey waxaana lagu soo dhaweeyey farxad iyo caleemo qoyan, hase ahaatee su’aasha la isweydiinaayey waxay ahayd maxaa ka dambeyn doona?

[sawir: Golaha Sare ee Kacaanka iyo Golaha Xoghayeyaasha]

Markii la magaacabay Golihii Sare ee Kacaanka iyo xukuumad maamul ah oo madani ah, sidaan soo xusnay nin gabyaa ah oo magaciisa la yiraahdo Xaashi Cali Barre kana mid ahaa halgamayaashii xisbigii Es.Waay.El oo sida runta ah maamulkii xukuumaddii rayidka ahayd oo Kacaanka ka horreysay Soomaaliya mayalka u haysay tobankii sano ee la soo dhaafay iyo waxyaabihii lagaga cabanaayey la socday, wuxuu mariyey geeraar talo iyo tusaale, taariikh iyo digniin oo ah sida runta ah nin wax garad ahi ku cibra qaato, wuxuu yiri:

In dhaweyd orka maansiyo geeraarkaan allifaayey waa tii aan iska ooday
arwaaxdeyda ka saaraye bal aan maanta ishaaro’e

Nimuu maanta ammaano berrina uu af xumeeyo abtirsiinyo ku faankiyo
axdi lays ku ogaayoo odayaalo dhigteenoo la isu oofin karayn
Afrikaanku ma daayoo waa waxaan ku aqaano, Ilaah baa ku abuuray
aanse lay gama eego asluubteydana maaha’e

Niman yahaw askareedoo aayihii waddankeeniyo awoodii la wareegaan
eregaan oranaayiyo oraahdiisa dhegeysta

Tobankii arrimood ee arligeena xumeeyey haddii aan arki waayo
intaan ifka joogo weydin aaminaayaa

Ereyga iigu horreeya in dhaweyd diinta Islaamka waa tii aanu illowney
iyada waaba la aasaye, haddaan haatan abuurno udubkeeda la taago
intaan ifka joogo weydin aaminayaaye

Ereygeygaan labaade abtirsiinadaan baasoo ummaddii kala geysey
oo u gaareysay dadkii haddii aan arki waayo
intaan ifka joogo weydin aaminayaa

Ereyga ii seddexeeya ka awoow ka awoow aafadiina dhextiiliyo
aramadii nagu raagtey ummad leysugu aariyo adduun ay kala qaaddo
haddii aan arki waayo intaan ifka joogo weydin aaminayaa

Ereyga ii afareeya dadkan waa ibnu-Aadanoo illaaq baan laga waayinoo
Ibleys baa ka dhex buuxa’e labadii is ashfakeysa oo imaan doonta agtiina,
haddii aan loo kala eexan inta aan ifka joogo weydin aaminayaa

Ereygeyga shanaad ardadii yar yareyd oo dhiganeysey iskuulka,
maalintey aflaxeysa oo imtixaan laga qaado
kii aqoonta lahaa uur ku taalliyo ciil hadba meel kula ooyo,
mid kaloo eber taagan abaartiisii la siiyo haddii aan arki waayo
inta aan ifka joogo weydin aaminayaa.

Eregeyga lixaad nin ardaal ahoo waalanoo iimaankii laga qaaday
alleylkii soconaaya aqal uusan aqoonin albaabkiisa garaaca
hadba ruux afka saara inta been ku afuufa anfac saas lagu siiyana
haddii aan arki waaya inta aan ifka joogo weydin aaminaayaa

Ereyga ii todobeeya wax amaah lagu keenay wax intaanu ku oonnay
oo arligeena dhexdiisa canshuur looga aruurshey inta uu nin aqoosho
aqal loogu dhisaayo ammaana loogu darraayo haddii aan arki waaya
inta aan ifka joogo weydin aaminaayaa

Ereyga sideedda ah Ilaahiina abuurtey nin asmadii ku dhaartey
axdi weyn inta qaaday misana oofin kareyn haddii aan arki waayo
inta aan ifka joogo weydin aaminayaa

Ereygeyga sagaalna arligeynu lahayn ugub weeye haddeere
arsaaq baa ka dhex buuxda, haddii aanu abuurno
masaakiinta ku oominoo la aruursho agoonta ee af Soomaali la beero
inta aan ifka joogo weydin aaminayaa

Ereyga ii tobneeya iniqi ii daba taal haddii aan joogo adduunka
raggiinaa arliga haysta odeygii u sareeyey arrintuu ku dhawaaqayey
maqashiiyey adduunka haddii aad abiddaanoo sidaa ay ku idlaatana
awoodiinu ha raagto yaan hadalkii ku idleeyey.

8dii bishii Nofembar 1969kii Maxamad Siyaad wuxuu khudbad u jeediyey Ciidamada Qalabka Sida, wuxuu ku yiri qof kasta oo dawladda mushahar ka qaata wuxuu u adeegaa shacbiga. Shacbiguna waa kan mushaharka siiya. 20kii bishii Nofembar 1969kii waxaa Golaha Sare ee Kacaanku soo saaray wareegto maamulka dawlada fareysa in la furo xafiis cusub oo lagu magacaabey Xafiiska Xiriirka Dadweynaha muddo ka dibna waxaa loo bedelay Xafiiska Siyaasadda Madaxtooyada ee Golaha Sare ee Kacaanka. Dad yar oo wax ka yiqiin nidaamka Shuuciga ah ayaa dareen galay oo wareegtadaa iyo furitaanka xafiiskaa ka diday, dad badan oo lagu eedeeyey in ay hanti dawladeed lunsadeena waa la xirxirey.

1970kii waxaa la qaaday olole xoog leh oo ku saabsan siyaasad qarsoon oo Kacaanku ugu gogol xaaraayey Hantiwadaaga la damacsanaa in waddanka lagu soo rogo, si dareen kasta looga hortago, waayo? Culimada diinta Islaamka oo Shuuciyadda diidaneyd ayaa laga cabsi qabay. 10kii bishii Jannaayo 1970kii waxaa Golihii Sare ee Kacaanku soo saaray qaanuun mas’uuliinta maamulka iyo maxkamadaha u ogolaanaya awoodna u siinaaya:

  • In la xiri karo qofkii la tuhmo ama laga shakiyo.
  • In wax laga bedelo xeerkii ciqaabta ee hore.

Intaa waxaa bar bar socday olole dadweynaha lagu baraarujinaayo si hurdada iyo habaca looga kiciyo. 2dii bishii Febraayo 1970kii waxaa Kacaanku soo saarey qaanuun cinwaankiisa kore yahay Dhismaha Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliyeed (En.Es.Es – N.S.S.) kaasoo loola gol lahaa in la dhiso ciidan aad u hubeysan oo awood buuxda leh oo shaqadiisu tahay sirdoon, daba gal, war dhegeysi iyo xog ururin si shacbiga loo caburiyo, xorriyadda qowlkana looga qaado, hase ahaatee dadweynuhu waa jidbeysnaa, nidaamkuna waa ku cusbaa, hawshana waa u heelanaa, wax kastoo loo sheego waxey u arkaayeen run, daacad, waddaninimo iyo guul iyaga u soo hoyatey.

Bishii 10keediina waxaa la soo saaray qaanuun kale oo amraaya in la dhiso maxkamad gaar ah oo lagu magacaabey Maxkamadii Badbaadada Dalka, maxkamadaa oo markii dambe shacbigu u bixiyey Kawaanka Dadweynaha. Saddexdaa qaanuun oo aanu soo xusnay iyo maxkamadda cusub waxaa loogu tala galay ama loo sameeyey si looga hortago ama looga gaashaanto dhaq dhaqaaq kasta oo ka soo horjeeda Kacaanka. waaxid iyo wadar mid kasta ha ahaadee. Taana waxaa ka dhashay in qof waliba qofkii uu u ciil qabey masbido oo wax aanu oran iyo wax aanu falin ka sheego, dabadeedna la xiro, xabsiyadu ayaa buuxsamay.

Maxkamadihii ayaa dadkii kala xukumi waayey, dadkiina dhamaan wuxuu noqday eedeysane, qof waliba wuxuu ku fekeraa, goormaa lagu xiri, inta dadka lagu eedeeyana waxaa ugu badnaa xoolo dadweyne ayuu cunay, hanti qaran buu lunsaday, Kacaankuu wax ka sheegay, dawlado shisheeyuu xirii la yeeshay iyo wixi la mid ah.

26kii Feberaayo 1970kii waxaa la baabi’iyey dastuurkii dalka u dhignaa oo lagu dhaqmaayey 10kii sano ee dawladii rayidka ahayd xukunka haysay. 2dii bishii Maarsana waxaa la tirtiray dhammaan axsaabtii siyaasadeed ee dalka ka furnayd Kacaanka ka hor, waxaa mamnuuc laga dhigay in aan wax xisbi ah dalka laga furi karin waxaana la soo saaray qaanuun lagu adkeynaayo awooda Maxkamadda Badbaadada Dalka. Inkastoo cadaadis xumi jirey, sida runtaa waxaa muuqatay ifafaalo wacan iyo haybad qaran oo aad u sareysa, wax qabad la yaab leh iyo kala dambeyn, is maqal iyo nidaam dawladeed oo toosan, horumar iyo nayaayiro ka muuqato.

Bishii Maarso isla sanadkaas Maxamad Siyaad wuxuu shaqaalaha dawladda u jeediyey khudbad, wuxuu yiri: Qof kasta oo shaqaale ah waxaan siinaynaa mushahar ku filan, waxaana qofka shaqaalaha ah ku qiimaynaynaa, “Maxaa taqaan ee yaa taqaan waa la tuuray,” hadalkaa waa loo riyaaqay aad baana loogu guuxay, waxaa loo qaatay caddaalad shaqaalaha u soo hoyatay, hase ahaatee 22kii bishii Maajo ayuu khudbad kale jeediyey, wuxuu ku yiri, “Qof kasta oo mas’uul meel ka ah oo aan la socon ujeedada Kacaanka waxaa waajib ku ah in uu shaqada iskaga tago,” taasina waxay noqotay arrin yaab leh oo ka soo horjeedda hadalkii ahaa qofka shaqaalaha ah waxaan ku qiimayn doonnaa aqoontiisa ee yaa taqaan iyo qaraaba-kiil waa laga tegey.

Bishii Sebteembar 1970kii waxaa la soo saaray qaanuun kale oo lagu magcaabay Ilaalinta Nabadgelyada Qaranka, hase ahaatee ujeedadiisu ahayd in lagaga gaashaanto afgembi ka yimaada Ciidamada Qalabka Sida iyo shacbiga oo wada jira, waayo? Beryahaa dareen baa jirey, maxaa yeelay? Markey qeybihii bulsho weynta hanteen ayey dabeecaddoodii askari oo ahayd amar siinta la soo baxeen, Golihii Sare ee Kacaanka waxaa loo sawiray sidii wax dadka kale ka sarreeya oo wax dheer oo aan marna khaldami karin, hadalna lagu soo celin karin.

17kii Sebteembar 1970kii waxaa la soo saaray xeer waajib ka dhigaaya in dhamaan shaqaalaha dawlada kuwa shaqada haya iyo kuwa la qori doono la mariyo tababar ciidan, xeerkaas aad baa looga didey lamana garan ujeedada laga lahaa, hase ahaatee waxaa loo qaatay maadaama xukuumadda dalka ka talisaa ay tahay xukuumad miletari ah in la doonaayo in maamulka dawladdu noqdo mid ku shaqeeya hab ciidan, si dadku ugu dhega nuglaado amarada ka soo baxa ciidamada Xoogga Dalka, waxaa albaabka loo furay xeradii la oran jirey Bootiko oo ciidamada lagu tababari jirey markii dambena loo bixiyey Xalane waxaa lagu billaabay dhammaan macallimiintii dugsiyada waxbarashada dalka (iskuulada) wax ka dhigi jirtey oo tiradoodu kor u dhaaftay 900 oo macallin. Saraakiishii iyo askartii macallimiinta tababarkooda loo xil saaray waa heshiin waayeen faraha ayaa lagaga gubtey, macallimiintii waxey mariyeen gabayo Kacaanka lid ku ah, aan soo qaadano tuducyo gabeygaa ka mid ahaa oo uu mariyey macallin farrin u diraaya gabar ballani ka dhexeesay:

Ma ogtahay Hindiya Ooshin baan ku ag wareegaaye?
Ma ogtahay askari jaahilaan amar ka qaataaye?
Ma ogtahay anfacaadaan cunaa ma laha iidaane?
Ma ogtahay waxaan eersadaa Odayga weeyaane?

Arrintaasi waxay keentay culays iyo necayb, shaqaalihii wuxuu noqday qaar shaqadii imaan waayey iyo qaar shaqadii ka tegey iyo qaar baxsaday iyo kuwo caga jiid “Xalane” ku galay, sida runta ah taasi fikrad toosan ma ahayn, wax faa’iido ahna ma keenin. balse dhibaataa lagala kulmay.

In kastoo cabashada iyo deyradu Soomaalida dabeecad u noqotay waxaa xilligaa la maraayey xagga dhaqaalaha dalku aad buu u wanaagsanaa nolosha dadkuna waa fiicneyd, haybadda dawladda iyo sumcaddeeda dibadduna aad bey u wacneyd, taana waxaa ugu wacnaa dadweynaha iyo dawladda oo isku duubnaa, dawladaha Carabta iyo kuwo badan oo Afrikaan ah baa Soomaalida aad u aagi Itixaadkii Soofiyeedka oo xagga dhaqaalaha iyo dhismaha ciidamada gacan weyn ku lahaa, siyaasaddii reer Galbeedka iyo kooxo maal qabeen ah oo dawladdii rayidka ahayd dhaqaalaha dalka gacanta ku hayeyna meeshii waa ka baxeen.

Kacaanku wuxuu jiraa 12 bilood dadka dhegahaa taagan, maxaa la filaayaa, cabsi badan baa ciidanka En.Es.Es laga qabaa, qofna wuxuu rabo ma sheegi karo, rajana waa la qabaa.

21kii bishii Oktoobar 1970kii waxaa la guddoomiyey in la qaato laguna dhaqmo nidaamka Hantiwadaaga Cilmiga ku Dhisan, malaha aqoon looma lahayn ee magacaasaa loo bogey, dadka badankiisu afkuu gacanta saaray. Waxaa loo arkay dharbaaxo kulul oo ku dhacday diinta Islaamka iyo dhaqankii Soomaalida, waxaa la dareemay dhibaatada ka dambeysa iyo waxa Kacaanku maaggan yahay ama soo wado, hase ahaatee si looga gilgilashaa ma muuqato, waxaa jirey kooxo Itixaadkii Soofiyeedka wax ku soo bartay oo nidaamkaas u jidbeysnaa oo aad ula dhacsanaa, Hantiwadaagga iyo qaadashadiisa la isma weydiin lagamana tashan, lagamana fekerin, diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida midna lama oran Hantiwadaagga ma qaadan karnaa? Lama dersin qorshahana laguma darin arimaha soo socda:

  • Soomaalidu waa dad Islaam ah oo Shuuciga iyo Islaamku waa dab iyo baaruud, waa laba mabda’ oo aan wada socon karin.
  • Soomaalidu waa reer guuraa oo gugii iyo deyrtii hadba gees bay u hayaamaan oo nidaamka Shuucigaa laguma dhaqi karo.
  • Soomaalidu waa jaahil aan nidaamka Hantiwadaaga wax ka aqoon oo heesta geela ugama duwana.

Hadaba Soomaalidu waxey ku maahmaahdaa taladu markay ku garab joogtana ma garato, haddey ku dhaaftana ma gaarto. Shaki kuma jirin in tallaabadaa lagu jabaayo, sidaan maqallay dawladda Ruuskha markii qaadashada Hantiwadaaga lagala tashaday waa diidey oo waxay tiri waqtigaan idinkuma habboona, hase ahaatee waa laga diidey.

10kii bishii Nofembar 1970kii sagaal maalmood ka dib markii Hantiwadaagga lagu dhawaaqay, Golihii Sare wuxuu soo saaray qaanuun magaciisa kore yahay Difaaca Bulshada. Xeerkaasi oo go’aankiisu yahay, waxaa la baabi’iyey magacyadii soo-jireenka ahaa ee qabaa’ilka Soomaalidu hiddaha u lahayd sida: boqor, garaad, islaan, suldaan, ugaas, iimaan, beeldaajiye, malaaq, wabar, isloow iyo wixi la mid ah. Waxaa loo bixiyey Nabadoon, waxaa kaloo la mamnuucay xeerkii qabaa’ilku ku dhaqmi jirey oo garta iyo makta ku kala qaadan jireen iyo wixii magac qabiil ku saabsan oo dhan, in la soo qabto qofkii qabiil soo hadal qaada ama sheegta ama ku adeegta abaalkiisu waa in la xiraa, Maxkamadda Badbaadadana la horgeeyaa, tallaabadaas waxaa loo arkay baabi’inta xeerarkii Soomaalida hiddaha u ahaa iyo hab ku dhaqankoodii ay noloshooda ku maareyn jireen, halkaa waxaa ku baaba’ay haybaddii iyo sharaftii madaxda qabaa’ilku lahaayeen iyo xeerarkii soo jireenka ahaa oo lagu dhaqmi jirey tan iyo aamanuudii.

Shantaa qaanuun oo hal sano gudaheed la soo saaray midkiiba qoraalkiisu wuxuu ka koobnaa dhawr baal, waxaa loogu tala galay in shacbiga Soomaalida lagu caburiyo oo afka laga xiro, si aan wax hadli karaa u jirin. Diinta Islaamka ee xurmada lahayd iyo dastuurkii dalka u dhignaa iyo sharciyadii wax lagu maamuli jirey, waxaa lagu bedeley wareegtooyin kasoo baxa Golaha Sare ee Kacaanka, kuwaasoo loo yiqiin wareegtooyinkii ciqaabta iyo caburinta, mid walba markii la soo saaro waxaa bar bar socday dicaayad maran oo lagu taageeraayo in ay sax yihiin.

Bishii Diseembar 1970kii waxaa la qaaday olole dabaal joogleyn ah oo lagu magacaabay ololihii Aaskii Qabyaaladda, Dulmiga iyo Musuqmaasuqa. Waxaa la qoday xabaal beenaad, waxaa la habeeyey xaflado ballaaran oo loogu magac daray Xabaashii Qabyaaladda, Dulmiga iyo Musuqmaasuqa. Waxaa la keenay muuqaal geeso leh oo laga dhigey qof la dilaayo oo kale, waxaa halkaa lagu aasay qabiilkii iyo dulmigiisii, waa sida loo yiriye, waxaa la gubay wixii kutub ama buug qoraal ahaa oo magac qabiil ka muuqday, hase ahaatee waxaasoo dhan waxaa loola jeedey marin habaabin iyo indha sarcaadin aan cilmi ku dhisneyn.

Xukuumaddii Kacaanka la baxday lama oran karin waxaas waa ku gafsan tihiin ama sidaa maaha, waayo? Guddoonkoodaa wuxuu ahaa sida askariga amar qaado, maalin kastaa waxaa la soo saari jirey qoraallo ay ku qoran yihiin hal qabsiyo loola jeedo baraarujin iyo hanuunin oo sida runtaa beryihii hore loo bogey sida haddalladaan:

Eradicate corruption, afminsharism, tribalism and nepotism.
Long live the armed forces.
Down with imperialism, colonialism, and reactionary forces.
Long live unity, peace and progress.
Nation demands trial of traitors.
Nation demands immediate confiscation of property of traitors.
Change the system and not the faces only.
Support revolutionary movements of the world.
Struggle for unification of all Somalis.

الشعب الصومالي يطالب إتخاذ الاجراءات اللازمة ضد أصحاب العهد البائد
لا محسوبية ولا قبلية ولا تفرقة بعد اليوم
نريد التغير والتطهر في الجهاز الحكومي
الشخص المناسب في المكان المناسب
الشعب يطالب باسترجاع أمواله المسلوبة وتطبيق مبدأ من أين لك هذا
جيش الشعب قام بواجبه وأنقذ الشعب من الهلاك

Il popolo reclama dl prendere la misura necessaria contro il passato regime.
Da oggi in poi; non esistera ’piu’ ne’ tribalismo, ne’ nepotismo, ne’ discriminazione.
Vogliamo cambiamento totale, purificazio ne nell’apparato amministrativo.
L’uomo adatto il posto adatto.
Intellettuali, avanguardia della rivoluzione appoggiano il risveglio nazionale.
Il popolo chiede la giustizia sociale e il diritto al lavaro.
La rivoluzione del 21 ottobre e’ l’ appello della coscienta e del dovere.
Il popolo vuole dl riavere la sua recchezza, rubata e l’ applicazione del principio (da dove hai avuto questoi).
Le forze armate hanno adempiuto il loro dovere salvando il popolo da una certa catastrofe
L’unita’ e la diustizia sono le aspirazioni del popolo somalo.
Non alla corruzione, monopolio e compromesso con i nemici del popolo.

طلائع الثورة وعلى رأسهم المثقفون يؤيدون الانتفاضة الوطنية
الشعب يطالب بالعدالة الاجتماعية وحق العمل للمواطن الصومالي
ثورة ٢١ أكتوبر نداء الضمير والواجب
نريد أن تكون القيمة فقط للعمل والكفاءة والعرق
الثورة للشعب والشعب للثورة
الثورة تعني تغييرات جذيرة
ثورة ٢١ أكتوبر تهدف للبناء والتسديد
الوحدة والعدالة أمل الشعب
لا فساد ولا احتكار ولا مهادنة مع أعداء الشعب

Kacaankii wuxuu degsaday barnaamijyo ku tala gal iyo qorsha ballaaran oo habeynaaya dhinacyada siyaasadda, horumarka dhaqaale, dhaqanka bulshada iyo difaaca iyo nabad gelyada, iyadoo mudnaanta la siiyey qaybaha wax-soo-saarka, sida beeraha, xoolaha, wershadaha iyo kalluumeysiga, muddo gaaban waxaa dalku ku tallaabsaday aqoonsi siyaasadeed, horumar dhaqaale iyo isku-duba-ridka bulshada qaybaheeda kala duwan. Hadaba in kastoo mashaakil iyo dhibaatooyin qarsooni jireen oo waliba si xaq darro ah dad badan xabsiga loogu taxaabay, si wanaagsan baa nidaamka dawladuu u hagaagay, kala dambeyn, is-tixgalin iyo is-maqal iyo habsami u socod ayaa jirey Maxamad Siyaad iyo taageerayaashiisii calan guduudan bey surteen bilaawahana waa afeysteen si mabda’a Hantiwadagga Cilmiga ku Dhisan loo hirgeliyo, rag Allow taa maxaa xiga?

Bishii Janaayo 1971kii waxaa la soo saaray qaanuun mamnuuc ka dhigaaya wax la qoro ama la allifo iyo wax dalka gudihiisa lagu daabaco in la faafiyo ayagoo aan la soo marin Xafiiska Faafreebka, waxaa la amray in la qabto wixii qoraallo ah ee laga keeno dalalka dibadda oo Kacaanka lid ku ah, dhamaan waxaa afka laga xirey qoraa, gabyaa, iyo aftahan oo dhan, waxaa dambiile laga dhigay wax Kacaanka lagu ammaanaayo ama lagu taageeraayo maahee, qofkii wax Kacaanka lid ku ah qora ama maansa ku tiriya ama hadal ku sheega. Suugaan yahan ishii qaata ahi si uu hadal u yiraahdo ma waaye waxaa la mariyey maansada la baxday Deelley iyo Siinley oo dhawr suugaan yahani mariyeen, waxay ahayd maanso macnaheedu daboolan yahay oo lagu weeraray dawladdii Kacaanka iyo siyaasadeedii oo sida runta ah marada lagaga tuuray.

Afartii bishii Maarso 1971kii waxaa la soo saarey qaanuun Maxkamadda Badbaadada gaar u ah oo awood u siinaaya in ay dil toogasho ah ku xukumi karto qofkii hantida dawladda wax yeelo u geysta ama laaluush qaata ama ku kaca been abuur iyo xatooyo xoolo dadweyne iyo hay’adaha madax bannaan ama dawladaha shisheeye wax la qabsada iyo wax kasta oo dawlada sharafteeda lid ku ah.

Lixdii bishii Maarso 1971kii waxaa dawladdii Kacaanku heshiis ballaaran oo dhan walba leh xagga dhaqaalaha, xagga siyaasada, xagga dhaqanka, iyo xagga dhismaha Ciidamada Qalabka Sida la gashay Itixaadka Soofiyeeti taasina waxay garab xoog leh u noqotay hirgelinta Hantiwadaagga iyo dhaqaalaha gudaha iyo siyaasadda arimaha dibadda.

Maxamad Siyaad oo aan taariikh nololeedkiisa iyo hab dhaqankiisii fasal dhan ku sheegnay wuxuu had iyo jeer ka cabsi qabay afgembi kaga yimaada Ciidamada Qalabka Sida dhexdooda, wuxuuna aad uga baqaayey kuwa Daaroodka Gaashaan Majeerteen, sidaa awgeed ayuu wuxuu goostay inuu ciidamada ka dhex saaro saraakiisha wax qabadka iyo qaamilaadka leh iyo kuwa lagu tuhmaayo in ay wax abaabuli karaan si qaarna hawlgab looga dhigo, qaarna meelo kale loogu wareejiyo.

Bishii Abriil isla sanadkaas ayuu ciidamada hab qabiil u dhex galay asagoo adeegsanaaya kooxo daacad u ahaa, wuxuu daaqadda ka saaray 22 sarkaal oo Majeerteen u badnaa, waxaana jagooyinkoodii muddo gaaban loo taba baray dhalin yaro xigto iyo qaraabanimo lagu doortay oo qaarna ciidamada laga xulay qaarna baadiye laga keenay, waxaan oran karnaa inkastoo Maxamad Siyaad maskaxdiisa qabiil ka guuxaayey laga garan karey hab maamulkiisii iyo siduu u dhisay Golihii Sare ee Kacaanka, maalintaa ayaa ugu horraysay qabiil uu si toos ah ugu bareero.

Boqolaal ciidamada Xoogga Dalka iyo Booliiska ka mid ahaa waxaa loo diray dalka Soofiyeedka si ay tacliin dhawr sano ah ugu soo qaataan, hase ahaatee taasi waxay ahayd iska fogeyn, markey soo noqdeen qaar hawl gab baa laga dhigay qaarna meelo kale ayaa lagu magacaabay, qaarna waxay dalbadeen shaqo ka tegid.

6dii Maajo 1971kii waxaa la xiray kooxdii Janaraal Maxamad Ceynaanshe Guuleed oo ahaa Isaaq, Gaashaanle Sare Salaad Gabeyre Kadiye oo ahaa Abgaal, Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Dheel Cabdulle oo ahaa Majeerteen iyo rag kale, waxaa lagu eedeeyey in ay inqilaab abaabuleen waxaana lagu xukumay dil, taasna waxaa la oran karaa waxay ahayd dharbaaxadii ugu horraysay oo siyaasaddii dawladdii Kacaanka lugta jiiddey.

Bishii Agoosto 1971kii waxaa Golihii Sare oo waagii dambe loogu magacdaray Golihii Kacaanka soo saaray qaanuun dawladda awood buuxda u siinaaya in ay iibsato wixii haruur ah ama galley ah oo beeraha dalka kasoo go’a gacanta lagu qabto, isla bishan waxaa lasoo saaray qaanuun kale oo oranaaya qofkii wixii beertiisa ka go’a qariya ama leexsada wuxuu mutaysan doonaa ciqaab kulul xabsi iyo ganaax labadaba, beeraleydii ayagoo taa ka fogaanaaya waxay beerihii ku abuureen khudrad, digir iyo sisin, sidaa awgeed ayaa wax-soo-saarkii beeruhu aad hoos ugu dhacay, tallaabadaana waa lagu khasaaray.

Bishii Jannaayo 1972kii ayaa Janaraal Xuseen Kulmiye Afrax furay shir sannadeedkii taliyayaasha guutooyinka ciidamada iyo horjoogayaasha horrimaha, khudbad gaaban oo furitaankii shirka ka jeediyey wuxuu ku yiri: “Hantiwadaagu wuxuu shacbiga Soomaalida u horseedaaya kalsooni iyo horruumar dhaqaale.” Hadalkiina wuxuu ku xiray ereyo kaftan ah oo carruurtu markay cayaarayaan intey indhaha iska xiraan isugu baaqaan oo ah, “Yameey yam yaxaas ku qaad, yam.” Ujeedada Janaraalku waxay ahayd digniin dadban qofkaan aamusin oo hadal soo celiya yaxaas baa qaadi. Bishii Janaayo 1972kii waxaa la qaaday olole ballaaran oo xoog leh laguna hirgelinaayo mabda’a Hantiwadaaga, sanadkaa dabayaaqadiisiina waxaa la ballaariyey maamulkii dawladda iyo awoodii wasaarada Arimaha Gudaha, si mabaadi’da Hantiwadaaga loo meel mariyo, waxaa kaloo la ballaariyey Ciidankii Nabadsugidda Soomaaliyeed (En.Es.Es) xagga tirada qalabka iyo awooda wax qabadka, hase yeeshee shacbigu wuxuu u bixiyey Ciidanka Nabadsiibidda, waayo? Ciidankaas intiisa badani waxay ahaayeen dhallinyaro aqoon gaaban oo aan wax yaabaha qaarkood ka xishoon, oo waliba u badnaa rag lagu soo xulay qoosnimo, xigaalo iyo xididnimo. Waagaas ayaa qaanuun la dhawro iyo xaquuq waddaninimo oo la ilaaliyo cirka loo tuuray, taladii waxay ku soo ururtay kan deyri, kan xir, iyo kan eri si Kacaanka loo raaco oo aan looga hor iman.

Bishii Abriil 1972kii waxaa la soo saaray qaanuun Lambar 38 oo Golaha Sare ee Kacaanka awood u siinaaya in ay gacan ku yeeshaan maamulka arimaha garsoorka, waxaa la furay maxkamad sare oo lagu magacaabay Maxkamadda Garsoorka ee Madaxtooyada Golaha Sare ee Kacaanka, waxaana la yiri waa tan ugu awooda sarreysa maxkamadaha dalka oo dhan, shaqadeeduna waxay tahay in ay dib u eegto xukumada kasoo baxa Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Badbaadada, meeshii cabasho laga keeno, hadday u aragto in xukumadaasi khilaafsan yihiin sinnaanta iyo caddaalada ku xusan Axdigii 1aad iyo Axdigii 2aad ee Kacaanka, waxay awood u leedahay inay xukunkaas baabi’iso, ama dib u celiso si mar labaad loogu noqdo ama in ay iyadu go’aan ka gaarto, halkaa waxaa ku lumay sharaftii maxkamadaha sharciga iyo haybaddii Maxkamadda Sare ee dalka.

Bishii Janaayo 1975kii dawladdii Kacaanka oo Maxamad Siyaad hogaanka u hayey waxay soo saartay qaanuunkii loogu magacdaray Xeerka Qoyska hase ahaatee loo bixiyey Hooga Qoyska, kaasoo ahaa qaanuunkii Maxamad Siyaad iyo dawladdiisii fadeexaddu ka raacday, waayo? Wuxuu ahaa qaanuun nidaamka sharciga Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida ka horjeeda wuxuuna qayb ka ahaa siyaasaddii Maxamad Siyaad uu ku simaayey ragga iyo haweenka oo lagu bedeley fiqigii Islaamka ee maxkamadaha lagaga dhaqmaayey tan iyo aamanuudii, aayadaha Quraanka ee dhaxalka iyo nikaaxa ku saabsanaa waxaa loo fasiray in Ilaah haweenka dulmay oo ka eexday.

13kii Janaayo 1975kii ayaa Maxamad Siyaad hadal uu u jeediyey garsoorayaasha maxkamadaha wuxuu ku yiri, maxkamadaha wuxuu u sheegay in qaanuunka loo dejiyey daryeelka qoyska Soomaaliyeed waajibna ay tahay in lagu dhaqo, wuxuu hadalkiisii ku yiri, “Haddii Nabi Maxamad maanta joogi lahaa, wuxuu la socon lahaa waqtiga maanta jira.” Wuxuu kaloo hadalkiisii ku yiri, “Suuradda an-Nisaa’ aayadaha ku jira oo haweenka iyo ragga kala sarreysiinaaya waa la nasakhay,” malaha taas Shaydaan baa ku yiri sidaa dheh, dabadeedna waa lala yaabay, culimadii Soomaaliya joogtey waa kacday, gaar ahaan kuwii Xamar joogey, dhawr masaajid bey haddallo ka jeediyeen, maxaa yeelay, waddo kale uma furnayn, suura gal ma ahayn in ay arrintaa ka aamusaan, waxaa hubaal ahaa oo la filaayey in diinta Islaamka iyo mabda’a Hantiwadaaga Cilmiga ku Dhisani mar uun iska hor imaan doonaan, waxayna ahayd arin la sugaayey ifafaalaheedana dadku waa dareensanaa.

Maalmihii 16aad iyo 17aad waxaa magaalooyinka lagu kala firdhiyey boqolaal ciidamadii En.Es.Es ee wararka dhegeystaa, habeenkii Maqribka iyo Cishaha inta u dhexeysa shiikh baa kitaab tafsiir ah ku marin jirey masaajidka Arbaca Rukun ee Xamarweyne, waxaa culimadii soo dhex fariistay 20 sarkaal oo jawaasiis ah u yimid si loo ogaado meesha xaalku maraayo iyo ragga wada sida wax looga qaban lahaa, ciidamadii oo dhan heegan baa la geliyey, waxaaba loo qaatay in dawladdii la afgembinaayo, ka dibna culimo badan baa la qabtay 10 mujaahid oo ka mid ahaa shuhadadii waa la dilay, boqolaal kalena xabsiyo kala duwan baa lagu xukumay, qaar kalena dalka waa ka baxsadeen. Maxaa xigi?

Subaxdii tobankii barqanimo oo wadaadada la diley hal saac ka dib waxaa la soo kiciyey laba diyaaradood oo ahaa nooca qaylada dheer ee loo yaqaan Miig 23 ayada oo loola jeedo in shacbiga lagu cabsi geliyo, hase ahaatee markay xaafadda Waaberi dul maraayeen ayey isku dhaceen labadii duuliye iyo konton iyo laba qof oo rayid ah baa halkaa ku nafwaayey, dhawr iyo toban gurina waa ku burburtay, xoolo badan oo mood iyo noolba lahaana waa ku gubteen. Dilkii tobanka wadaad wuxuu keenay in kumanyaal dhalinyaro ah oo rag iyo haween isugu jiraa arrintaa ku baraarugaan oo diinta Islaamka barashadeeda iyo difaaceeda u qalab qaataan, inkastoo aan qaanuunka xeerka qoyska tobankii sano ee dambe lagu dhaqmin dhibaataduu shacbiga Soomaaliyeed gaarsiiyey boqolka sano ee soo socda wixii nool laga bogsan maayo, afo iyo ninkeedii buu kala furay, caruur badan buu hooya la’aan baday oo raja ka dhigay, labo walaalo ah oo dhaxal wadaagta buu isku diray, reer dhaqnaa oo meel degganaa buu gurigoodii baabi’iyey, ummad badan oo Muslim sheeganeysa ayuu gaalnimo iyo magac xumo u soo jiidey.

Bishii Janaayo 1975kii waxaa shaqadii dawladda laga saaray boqol iyo dheeraad aqoon yahan khubaro, sida runtaa waxay ahaayeen raggii shaqada dawladda nidaamka maamulka toosan aqoonta u lahaa, badankooduna waxay ahaayeen raggii gumaysigu soo tababaray, markii dambena hawsha kala wareegay, waxay ahaayeen raggii hawsha kala hagideeda iyo jaangooyada qorshaha dhaqaale gacanta ku hayey, eryidoodana waxaa sabab looga dhigay Hantiwadaagii ayey la socon waayeen iyo gumaysiga bey u adeegaan, hase ahaatee ujeedada shaqada looga eryey waxay ahayd laba arimood oo kala ahaa:

  • In laga fogeeyo xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed oo la damacsanaa in la furo bishii Luulyo 1976kii, waayo? Waxay ahaayeen niman aqoon sare leh oo aasaasayaasha xubnaha xisbiga ka mid noqon kara oo laguma dari karin, haddey jagooyinkaa hayaanna lagama tegi karin, sidaa awgeed waa in meesha laga saaraa.
  • In jagooyinkay hayeen lagu magacaabo ma-gudbayaal Mareexaan u badan oo miyiga ka yimid, sida runta ah maalin taasaa u dambeysay maamul dawladeed oo nidaam leh iyo hawl si habsami ah loo maamulo iyo go’aano sidii loogu talagalay loo fuliyo.

Maxamad Siyaad hadal uu berigaas jeediyey wuxuu ku yiri, “Maxaad taqaan waan dhaafnay ee maxaad aaminsan tahay ayaan qaadanay.” Koox dhalin yaro ah ayaa Hargeysa ka soo saaray riwaayad la magac baxday Shinbiraale oo aqoonyahannadii shaqada laga eryey iyo ma-gudbayaashii jagooyinkooda lagu magacaabay tilmaan ka bixinaysa, hase ahaatee inteyaan aad u faafin, ayaa laga hortegey.

Bishii Janaayo 1975kii taliskii Kacaanka waxaa dhanka siyaasada kaga dhacay labo dharbaaxo oo u horseeday magac xumo iyo ceeb sida cambaarta ku noqotay maamulkii iyo nidaamkii dalkana saameysay:

  • Tan hore maalintii tobankii wadaad la dilay wixii ka dambeeyey maalinba maalinta ka dambeysa taariikhda taliskii Kacaanku waxay sii galaysay mugdi madaw ilaa ay gaareen heer culimadii diinta Islaamku shisheeye iyo sokeeye la yiraahdo taliska Siyaad Barre waa cadawga diinta Islaamka ee ha lala diriro, taliskii Kacaankuna yiraahdo wadaadadu waa cadawga Kacaanka ee hala xir xiro, taasoo u keentay magac xumo kaga timi xagga diinta Islaamka.
  • Tan labaad, isla bishaa sidaan dhawaan soo xusnay waxaa shaqada dawladda laga eryey 112 khabiir oo indha u ahaa maamulka nidaamka hawlaha qaranka iyo habsami u socodsiinta maamulka dawladda, waxaa lagu eedeeyey ama lagu tuhmaayey in ay is hortaageen hirgelinta mabda’a hantiwadaagga, taasna waxaa ka dhashay in maamulkii dalku majara habaabo.

Goormaa la Kala Garan?

Waa masafo murti iyo xikmadi ku jirto oo tilmaan ka bixinaysa maamulkii xilligaa jirey oo hal ku dhiggeedu yahay Goormaa la Kala Garan? Waxaa tiriyey abwaan magaciisa la yiraahdo Cali Mire Cawaale* oo xilligii Kacaanka guddoomiye waxbarasho ka ahaa gobolka Hiiraan 1973kii ilaa iyo 1975kii. Markaas oo taliskii Kacaanku callan walleynaayey wuxuu gabyaagu arkay arrimo silloon oo sida runta ah lala yaabo, wuxuu arkay ayadoo afminshaarka iyo ma-shaqeystaha aan shaqada ku wanaagsanayn aqoon iyo karti midna aan u lahayn la ammaanaayo, kii daacadda ahaa oo shaqadii lagu aaminey si wacan u gudanaayeyna wax laga sheegaayo.

Masafadaas oo ku saabsaneyd ninka shaqadiisa ka adag oo si wacan u guta dalkana wax u taraaya iyo wax-ma-taraha shaqada sagsaaga oo meelaha ka qeyliya isagoo iska dhigaaya wadani daacad ah, labadaa nin sidey kala yihiin iyo sida loo kala garan karo.

Wuxuu kaloo arkay munaafaq laba wajiile ah oo madaxda dawladdu maalintey booqasho magaalo ku tagaan hor orda oo billad sharaf iyo daraja abaal marin ah la siiyo.

Wuxuu kaloo arkay, nin khaa’in tuuga oo xoolihii dadweynaha xaday daara ka dhistay, beero ka tacbaday, baabuur ka iibsadey, bangiyada gudaha iyo kuwa dibaddaba lacag dhigtay oo magac iyo sharaf ku leh iyo waddani nadiif ah oo xoolaha dadweynaha ee uu gacanta ku hayo in uu xado ka xishooda oo Ilaahii weynaa ka baqay oo la leeyahay waa dib-u-socod Kacaan-diid ah oo shaqadana kuma wanaagsana. Hadaba aan isweydiinee sida abwaanku masafada ku sheegay ninka intuu shaqadiisii ka yimaado halkey madaxdu joogto taga oo is tusa iyo kii hawshiisii lagu ogaa si daacad ah dalka iyo dadweynaha ugu shaqeynaaya kee baa wanaagsan? Su’aashaa jawaabteeda adaa lagaa sugaayaa.

Abwaan Cali Mire Cawaale waa ninkii tiriyey masafadii taariikhda gashay caanka noqotay ee Soomaaliyey Toos, Toosoo Isku Tiirsada sannadkii 1947kii oo hal qabsiga u ahayd xisbigii gobonimo-doonka ahaa ee Es.Waay.El, 1986kii dawladdu waxay u dooratay in ay noqoto astaanka muusikada calanka qaranka Soomaaliyeed, hase ahaatee nasiib darro waxaa la arkay dad kale oo sheeganaaya.

Masafadiina waatan:

Geesigaan dalkiisa geniyaad malyuuniyo guuya badan ka doorteen iyo kii inuu gado geyiguba la fudud yahay goormaa la kala garan?
Gobanimo ku dirirkii, kii gumaysi caabiyey iyo kii u gudi jiray ee u gar gaarey gaalada, goormaa la kala garan?
Guuyadii dadweynaha kii abidkii guran jirey ee gaariyaal ka iibsadey iyo kii garwaaqsaday ee ka xishooday gacan dhaaf, goormaa la kala garan?
Runta kii ku go’ayee ka gaabsanaya beenaha iyo kii gabraarsada ee afminshaar gaboobaya, goormaa la kala garan?
Gabgablaha horteeniyo gole madaxi ay timid hadba gees u rooriyo, midka hawlihiis gudan, goormaa la kala garan?
Qofkii hoos u guuxee guul darrooyin waaweyn ku abuura gurigiis iyo kii si gooniya garab iyo ah gaashaan, goormaa la kala garan?
Gacal iyo qaraabiyo kii qoys u gaar yahay iyo kii garsooree u gudboon dadweynaha, goormaa la kala garan?
Guusheena kii neceb, gef haddaan samaynana ku geesaasa weligiis iyo kii dhulka u go’i, goormaa la kala garan?
Guddiyada dhexdoodiyo shirka gobolku leeyahay guubaabo heesa ah kii inagu gaardiya, godna qoda habeenkii iyo daacad gaabsada, goormaa la kala garan?
Kii garaadka heer sare gaaray ee aqoon badan iyo ma gudbe meel daran is gaaxuurin weligiis goormaa la kala garan?

Jawaabtuna waxay tahay:

Gurrac iyo sammaantaba ninba wixii uu galabsado
Haddii laga gamaamado Guulleba wuu abaal marin.

Halakan uu leeyahay gobanimo ku dirirkii wuxuu ula jeedaa waagii gobanimada la raadinaayey dad baa soo diriray, dadna gaaladay raacsanaayeen. Goormaa la kala sheegi doonaa?

1976kii bishii Luulyo waxaa la aasaasay xisbigaa lagu magacaabay X.H.K.S. Wax lala yaabo waxaa ahaa xisbigaa maalintii la furaayey waxaa ka qayb galay 3000 oo qof oo lagu magacaabay aasaasayaashii X.H.K.S. Hase ahaatee sida runtaa magacoodu wuxuu ahaa aasayaal, waayo? Habka loo soo xulay wuxuu ahaa wareegto loo qoray wasaaradaha, wakaaladaha, hayadaha, ciidamada, gobolada iyo degmooyinka iyadoo la faraayo qofkaad is leedihiin Kacaanka iyo mabaadiida Hantiwadaagga waa la socon karaa magaciisa soo gudbiya hana u eegina aqoon iyo hawl karnimo, markaa waxaa xisbigii ku ururay qabiileyste, jaahil, afminshaar, iyo dameeri dhaan raac, dadka qaarkiis waxey u yiqiineen xisbigii Mareexaanka, waayo? Iyagaa u badnaa. Soomaalidu maalintaas ayey wadadii toosneyd ka leexatay oo belo gacanta u haadisey oo god dheer ku hoobatay. Tusaale waxaan u soo qaadan karnaa saddex qodob oo kala ah:

  • Shirkii xisbiga bishii Luulyo maalintii la furaayey waxaa ka qayb galay 3000 oo qof ayada oo fadhigii lagu jiro ayaa salaadii Duhur la aadamey qof kaliya oo salaad u kacay oo tukaday laguma arag, waayo? Maxamad Siyaad iyo ku-xigeenadiisii ayaa lagu maamuusayey oo dadka ilaah u noqday.
  • Waxaa la yiri xoghayaha guud ee X.H.K.S ayaa la dooranaayaa Maxamad Siyaad ma ahee yaa isu sharraxaaya qof kaliya oo aniga yiraahda ayaa laga waayey, waayo? Waxaa laga baqaayey in qorraxda laga qariyo.
  • Waxaa la go’aamiyey in xisbigu yahay hay’adda qaranka ugu sarreysa, wixii aan hawl wadeenada xisbigu la socon oo aan la soo marin lama fulin karo, qof yiraahda war taasi suura gal ma aha oo maamulkaa istaagaaya ayaa la waayey, waayo? Qofkii dood ka keena waxaa loo arkaayey Kacaan-diid.

1976kii Maxamad Siyaad wuxuu ku dadaalay in uu Hantiwadaagga aanu waxba ka aqoon hirgeliyo, wuxuu marar badan ku celceliyey in Kacaanku yahay kacaan Hantiwadaag ah, kacaan waddani ah, wuxuu doonaayo marna ka joogsan maayo, Kacaanku qabiil malaha, Kacaanku qabiil waa diley soona noqon maayo, dib u socodka isticmaarka u adeega waxaanu u sheegeynaa in Kacaanku marna ka laabmayn wuxuu dalka iyo dadka maslaxa u moodo, Kacaanku u dulqaadan maayo kuwa doonaaya in ay Hantiwadaagga majaxaabiyaan.

Sidaan dhawaan soo xusnay Soomaalida badankeedu waxay qabaan maalintii xisbiga Hantiwadaagga la furay ayaa midnimadii ummadda Soomaaliyeed iyo isku xirnaantii meesha ka baxday, kalsoonidii iyo haybaddii dawladnimaduna luntay, majarihii siyaasadda iyo habkii ganacsiguna marin habaabey, dhaqaalihii toosnaana bur buray, boobka xoolaha qaranka iyo hanti goosadkiina waddo loo maro la helay, boobkii wuxuu noqday isugu faan qaataye qaado, sidaa waxaanu ku faah faahin doonaa meelo kala duwan oo buugga ka mid ah.

Sidaan horay u soo xusnay markii ciidamadu bishii Oktoobar 1969kii awoodii iyo xukunkii dalka la wareegeen bulsha weynta Soomaalidu aad bey ugu riyaaqday, markii Golihii Sare ee Kacaanku ballan qaaday in ay waddanka ka saaraayaan habacsanaanta iyo dibu dhaca, hawl karnimo iyo maamul fir fircoonna la yimaadeen farxad iyo niyad sami baa lagu taageeray, taasi wax lala yaabo maahayn oo xilligaa wadamada Afrika badankooda talada iyo xukunka waxaa hayey ciidamada qalabka sida, fikradihii ugu horreeyey oo dawladdii Kacaanku ku dhaqaaqday waxaa ka mid ahaa: in shacbiga lagu baraarujiyo nidaamkii Iskaa Wax u Qabso, kaasoo dalka oo dhan muddo gaaban ka hir galay shaqooyinkii iyo wax kasta oo la qabanaaya fududeeyey markay dawladdii ku salaysay nidaamkii Hantiwadaagga ahaa.

Haddaan soo qaadanno gabay sanadkaan soo baxay tuduc ka mid ah oo ahaa:

Wax ma tare wax tare caayayiyo wahan qabiil baa leh.

Waxaa hubaal ah in dawladii Kacaanku 1970kii ilaa 1977kii tallaabooyin wax tar leh qaaday, horrumar muuqda samaysay, dadweynaha Soomaalidana hiyi kac iyo raja cusubi gashay, hase yeeshee himilooyinkii la higsanaayey waxay isa soo xireen sanadkii 1978kii markaasoo wadanku madaxa la galay dagaal ciidamadii Kacaanku ku qaadeen gobolada Soomali Galbeed ee bariga Itoobiya iyagoo maanka ku hayey waddan jaceyl iyo mideynta Soomaalidii gumaysigu kala qeybiyey, dagaaladaasi waxay dawladdii Kacaanka ku kallifeen kharaj aad u badan iyo dhaqaalihii waddanku hoos u dhaco, waxay kaloo sababeen qaxooti fara badan oo dalka Itoobiya kaga soo jabay, labadaas arrimood baa dhaqaalihii wadanka oo awalba dhutinaayey araxda ka sii jabiyey.

Markii dawladdii Soofiyeedka xiriirka loo jaray bishii Nofember 1977kii iyadoo lagu eedeeyey in ay dalkii Itoobiya la safatay Soomaalidana ku ballan furtay dhaqaalihii ay kaabi jirtey aad buu hoos ugu dhacay, xilligaa wixii ka dambeeyeyna siyaasaddii dawladdii Soomaalidu waxay u leexatay dhinaca dawladaha reer Galbeedka gaar ahaan Mareykanka si ay taageero dhaqaale iyo mid millateri uga hesho, hase ahaatee xiriirkaasi taaba gal ma noqon, waayo? Jaale Maxamad Siyaad wuxuu ahaa nin shakhsiyad adag iyo midaba badan leh, sidaa awgeed reer Galbeedku tuhun weyn bay fikradiisa ka qabeen oo ma aaminsanayn.

1988kii waxaa dalka Soomaaliya gudihiisa ka bilowday dabeyl colaadeed iyo dagaalo qabiil oo gobolada waqooyi qaarkood ka dhacay, damac iyo xukun doon, musuq-maasuq gudaha ah oo maamulkii iyo dhaqaalihii dalka iyo wax soo saarkii curyaamiyey, midnimaddii iyo caddaaladiina boqon gooyey, dhibaatada dhaqaale oo wadanka soo food saartay awgeed waxay dawladdii ku khasabtay in ay kaalmo ka raadiso dawladaha Carabta si ay dhibaatada dhaqaale uga gudbaan, hase yeeshee sicir bararkii oo gaaray meel aan wax laga qaban karin, musuq-maasuqii iyo hawl curyaamintii ayaa wax walba boqon gooyey, cabasha ay dawladdu Ay.Em.Ef u gudbisayna waxay ku xireen shuruudo adag oo dawladdii Kacaanka u cuntami waayey, taasina waxay sababtay in dhaqaalihii waddanku afka u dhaco, lacagtii Soomaalida qiimaheediina hoos u dhaco.

Siduu Kacaanku Diinta Islaamka ula Dhaqmay?

Iyadoo dalka Soomaaliya ahaa dal Islaam ah dastuurkii u horreeyey ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya degsatey 1960kii qodobkiisa 1aad faqradda 3aad waxaa ku qornaa, “Diinta Islaamku waa diinta dawladda,” hase ahaatee ballan qaadkii Golihii Sare ee Kacaanka 1969kii laguma xusin diinta Islaamka, sideedana culimada Soomaalidu ciidamada dareen ah diin naceyb bey ka qabeen, waayo? Saraakiisha badankoodu waxaa lagu soo taba baray dalka Itixaadka Soofiyeedka ee Shuuciga ahaa. 1972kii Golihii Sare ee Kacaanku wuxuu si tartiib ah u bilaabay in ay “qullaaddii” maxkamadaha sharciga Islaamka wax ku xukumi jirtey maxkamadaha ka fogeeyaan shaqadiina loo dhiibo dhallinyaro qawaaniinta loo tababaray, hase ahaatee aan shareecada Islaamka wax ka aqoon shaqadana khibrad u lahayn. Waxaa la xiray wasiirkii Garsoorka iyo Arimaha Diinta Sheekh Cabdiqani Sheekh Axmad.

1975kii markii Golihii Sare ee Kacaanku soo saaray qaanuunkii Xeerka Qoyska shacbiguna ula baxay Hooga Qoyska, culimadii is hortaagtey waa la laayey. Wixii ka dambeeyey Golihii Sare ee Kacaanka oo Shuuciga ahaa iyo culimadii diinta Islaamka waxaa ka dhex taagnaa dagaal cara kululi ku dheehan tahay iyo naceyb xeel dheer, culimadu waxay qabeen in nimankaasi diinta Islaamka ka baxeen oo yihiin mulxidiin go’aansaday in ay diinta Islaamka Soomaaliya ka tirtiraan, Golihii Kacaankuna wuxuu culimada u arkaayey Kacaan-diid iyaga lidi ku ah, Hantiwadaagana ka soo horjeeda, sidaa awgeed waxay goosteen in laga hortago intaan suntoodu dadka saameyn, habka looga hortagaayo iyo sida wax looga qabanaayo in kastoo markaa ka hor ay heerar kala duwan soo martay ugu dambeyntii waxaa loo tala saaray wasiirka Garsoorka iyo Arimaha Diinta Sheekh Xasan Cabdullaahi iyo kaaliyihiisii Arimaha Diinta Sheekh Maxamad Guuleed, labadaas nin waxay culimadii ku qaadeen dagaal miyi iyo magaalaba ayagoo adeegsanaaya ciidamadii En.Es.Es ee naxariistii iyo xishoodkii laga mayray, waxay kula kaceen wax aan qof Muslim ahi ama xishoonaaya ku kicin:

  • Waxaa la saaray culays iyo cadaadis xoog leh, xarig, garaacid, jir dil, jirrab, iyo ciqaab tii ugu xumayd ayadoo marmarsiinyo looga dhigaayo warqadaa laga helay oo waa jawaasiis dawlada shisheeye u adeega.
  • Waxaa lagu furay dicaayad iyo ceebeyn fool xun si shacbiga loogu diro ama looga faquuqo.
  • Waxaa laga reebay in ay kutubta akhriyaan ama masaajidda wacdi diini ah iyo waano ka jeediyaan, kuwii khilaafana in la xiro ka dibna maxkamad la horgeeyo.
  • Kutubtii baa laga dhacay kuwii ay guryaha ku haysteen iyo tii wadamada Islaamka looga soo dirayba.
    Waxaa la yiri waa ikhwaanu shayaadiin oo diintii bey bedeleen iyo wax la mid ah.
  • Waxaa laga fongoray dadkii oo waa la takooray qofkii qaata ama xidha dharka culimada Islaamka astaanta u ah oo lagu yaqaan, waxaa la reebay wixii asturaad iyo haybad diineed ka muuqato gaar ahaan dhalinyarada rag iyo haweenba.
  • Waxaa dugsiyadii waxbarashada iyo kulliyadihii jaamacadda laga eryey ardaygii ama ardayaddii ay ka muuqatay dhaqan Islaam iyo asluub diineed ama lagu tuhmey in uu tago ama xiriir la leeyahay goobaha diinta Islaamka lagu barto, macallimiintana waxaa la faray in ay ka diktoonaadaan in kuwa noocaasi ardada ku soo dhex dhuuntaan.

Collaadaas iyo xummaantaas cullimada loo geystey Kacaankii ugama rayn, waxay keentay arrimo aan la filayn oo ay ka mid yihiin:

  • In Kacaankii laga diday oo la nacay markii loo arkay Shuuci diinta Islaamka waddanka Soomaaliya ka suulinaaya.
  • In dawladihii Islaamka Golihii Sare u arkaan Shuuciyad diinta Islaamka la dagaalamaysa oo aan aamin iyo kalsooni midna lahayn.
  • In dhallinyaradii Soomaaliya rag iyo haweenba diinta Islaamka akhriskeedii iyo barashadeedii u xusul duubeen, dadaal xad dhaaf ahna u galeen, masaajiddii, dugsiyaddii Quraanka, machadyadii diinta iyo goobihii cilmiga Islaamka lagu baranaayey buux dhaafeen oo meel la kala joogsado la waayey.

Haddaba si fashilaada dhacday looga hortago, waxaa gobollada Jamhuuriyada Soomaaliya oo dhan laga abaabulay “gaaya alifley”* aan diinta kasmo u lahayn, kitaab gaablow, fiqi duurre iyo dariiqeyste magaca diinta huwan hase yeeshee aan diinta waxba ka aqoon, waxaa lagu magacaabay culamaa’u-diin magac-u-yaal ah, danta loo abaabulayna waxay ahayd laba arimood oo kala ahaa:

  • inay culimada dawladda u basaasaan ama culimada kale ula murmaan ka dibna la eedeeyo oo la xiro.
  • si dadweynaha Soomaalida iyo wadamada caalamka Islaamka loo tuso muuqaal been ah oo haybad diineed ka muuqato, hase ahaatee aan diinta Islaamka raad ku lahayn.

Dawladdii Kacaanka isku magacawday ee Maxamad Siyaad Barre madaxweynaha ka ahaa dhibaatada ay diinta Islaamka iyo culimadii Soomaalida u geysatay afna lagama sheegi karo qalinna laguma qori karo ee xisaabteeda Ilaahaa Weyn aan u deyno. Dhibaatadaa iyo xumaantaasi waxay maalinba heer joogtaba, sanadkii 1985kii ayaa wasiirkii Garsoorka iyo Arimaha Diinta Sheekh Xasan Cabdullaahi Faarax, oo sida runta Kacaanka daacad u ahaa, wuxuu soo saaray wareegto aad u qallafsan oo ku saabsan culimada iyo maamulka masaajidda iyo dugsiyada Quraanka lagu barto, hadaba wax kastoo aad tabaneysid wareegtada ayaa kaaga filan, waana tan:

QARSOODI

Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya

Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Diinta

441/22-1232

Ujeeddo: Go’aan ku Saabsan Akhrinta iyo Kutubaha Diiniga

Ku: Guddiga Dhexe ee Baarista XHKS – Muqdisho
Ku: Duqa Magaalada Xamar – Muqdisho
Ku: Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda – Muqdisho
Ku: Taliyaha Ciidanka Boliiska – Muqdisho
Ku: Taliyaha Ciidanka Guulwadayaasha – Muqdisho
Ku: Xoghayayaasha XHKS ee Gobolada oo Dhan – Fadhigooda
Ku: Guddoomiyayaasha Maamulka Gobollada oo Dhan – Fadhigooda
Ku: Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Rafcaanka oo Dhan – Fadhigooda
Ku: Taliyayaasha Qaybaha Boliiska ee Gobollada – Fadhigooda
Ku: Taliyayaasha En.Es.Es ee Gobollada oo Dhan – Fadhigooda
Ku: Taliyayaasha Guulwadayaasha oo Dhan ee Gobollada – Fadhigooda
Ku: Ciidanka Ilaalinta Cashuuraha Furdooyinka iyo Ayraboorada – Fadhigooda
Ku: Wasaaradda Boosta iyo Isgaarsiinta – Muqdisho
Ku: Guddiga Nabadgelyada Qaranka – Muqdisho
Ku: Madaxweynaha J.D.S. – Muqdisho

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta
Markii uu arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga Soomaaliya
Markii uu arkay: Qawaaniinta Dalka xagga nabadgelyada
Markii uu tixgeliyay: Degenaanshaha iyo xasiloonida dalka
Markii uu arkay: In caqiidooyinka kala duwan ay soo gelayaan dalka, ayna kala wataan kooxo ku shaqaynaya siyaasad dalal kaleeto.
Markii la ogaaday: In buuq khilaaf iyo rabshooyinba ay ka dhacaan masaajidda iyo meelaha kale oo la isugu yimaado, loona baahan yahay in dhibaatooyinkaas la xaliyo

Wuxuu soo saaray wareegtadaan:

  1. In uusan akhrin karin kutubaha wacdina ka jeedin karin masaajidda, guryaha iyo meelaha kale ee lagu kulmo qof aan ka haysan warqad u fasaxaysa akhriska wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Diinta.
  2. Qofkii warqad la’aan wacdi iyo dersi akhriya waxaa loo aqoonsanayaa in uu khilaafay amarkii wasaaradda, wuxuuna mutaysanayaa ciqaab amar diido.
  3. Qofkii horay warqad uga haystay wasaaradda kuna caddaaday in uu yahay mid dhibaatooyin abuura waa laga qaadayaa warqaddii horay loo siiyey.
  4. In kutubaha yimaada dalka oo dibadda laga keeno aan la ogolayn in la soo geliyo dalka ilaa wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Diinta ay soo maraan, warqadna ay siiso loogu fasaxayo in uu gelin karo dalka.
  5. Qofkii si koontarabaan ah ku soo geliyo kutubahaas oo aan wasaaradda soo marin waxaa lagu qaadaya ciqaabka diidada amarka wasaaradda.
  6. In dugsiyada Quraanka Kariimka ah lagu barto aan la furi karin in wasaaraddu ay hubiso fasaxna siiso mooyee, dugsiyadii horay u jireyna ay kormeer ku samayso, kuwa dhibaatooyinka lagu hubsadayna laga joojiyo, sababtoo ah waayahaan danbe dhibaatooyinka diiniga ah waxaa laga fidinayey dugsi ku shegyaal loogu soo gabanayo diinta iyo dalkaba.
  7. In masjid kasta ee laga dhisayo dalka aan la bilaabi karin in wasaaraddaani ay fasaxdo mooyee, diiwaanka wasaaraddana lagu qoro, si ay ula socoto wasaaraddu tirada masaajidda iyo meelaha laga dhisayo.
  8. In masjid walba loo sameeyo guddi mid jaamac ah iyo mid kaleba, guddigaas oo ku shaqaynaya awaamirta wasaaradda, wixii dhibaato ahna la socodsiinaya, guddigii xilkiisa ka soo bixi waaya ama jebiya qodobada aan kor ku soo sheegnay, waa laga bedelayaa masjidka, amar jebintaasna waa lagula xisaabtamayaa.
  9. Waxaa loo xil saaray arrimahaas fulintooda Ciidanka Boliiska, Ciidanka Nabadsugidda, culumada waacidiinta, Guddiga Dhexe ee Baarista XHKS, guulwadayaasha iyo guddiyada masaajidda.

Waxaa la codsanayaa in arrimahaan oo ah arrimo xasaasi ah dhibaato weyna keeni kara wadajir looga wada shaqeeyo, isku safna looga hortago si looga badbaadiyo dalka iska horimaad caqiidada Islaamka iyo qalloocinta fasirka diinta, iyadoo dan kale laga leeyahay.

Shaqa wacan.

Muqdisho 5.8.1985
Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta
Jaalle Sheekh Xasan Cabdullaahi Faarax

Dilkii Baaderiga

Ayadoo arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshadu meel halis ah maraayaan, maamulka dawladduna maalinba maalinta ka dambeysa kasii daraayo ayaa bishii Luulyo 1989kii waxaa si bareer dadban ah loo diley baadari Talyaani ah oo madax ka ahaa muddo afartan iyo sideed sano ah kaniisadda Kirishtada ee Muqdisho, dabadeedna dilkiisii waxaa loo xirxiray culimadii diinta Islaamka caanka ku ahayd dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba magaca ku lahayd iyo rag siyaasiyiin sare ahaa, waxaana lagu eedeeyey in ay gaalka dilkiisa ka dambeeyeen, ninkii diley qofkii soo sheegana dawladdu waxay ugu balan qaaday in la siinaayo toban malyan oo Shilin Soomaali oo abaal gud ah.

14/7/1989kii magaalada Xamar waxaa ka oogmey salaadii Jimcaha ka dib mudaaharaad lagaga soo horjeedo falkaa foosha xun ee dawladdu ku dhaqaaqday iyo ololaha loogu tala jiro gaaleynta ubadka Soomaaliyeed, Kacaankii dulqaadka darraa wuxuu mudaaharaadkaas kala hortagay dagaal culus oo aan naxariis lahayn, ka hortagga banaan-baxaas waxaa loo diray wiilal yar yar oo Kacaanka la fil ah, oo loo taba baray in ay ka hortagaan carada shacbiga oo wax diley, dil mooyee aan wax kale garanayn, dad doora ayaa bannaan-baxaas lagu diley, boqolaalna waa lagu dhaawacay, dad badanna waa lagu xir xiray, hanti tira badanna waa ku dhacantay, hase ahaatee fool xumada ugu weyn oo wali lala yaabban yahay waxay ahayd dhacdada la baxday Xasuuqii Jasiira taasi waxay ahayd middii shacbiga quusta badday dawladana xidigteedii ku dhacday.*

Xilligaa wax kasta oo dawladdii Kacaanku sheegto ama la gola timaado waxaa loo arkaayey been aan raad lahayn oo aan waxba ka jirin, waayo? Sharaftii iyo haybaddii ay lahayd baa ka dhacday, kalsoonidii ummadduna waa ka luntay, idaacaddii dawladdana, Raadiyo Muqdisho, waa la nacay dhegeysigeedii, hase ahaatee idaacaddu waxay tiri, “Idhageyso ama ha i dhageysan anigu waan hadlaayaa.”

Gablan tala adduuney maxay gallabba heer joogtay.

*Dhacdadaa dadka badankiisu weli ma rumaysna.

Sidee Maxamed Siyaad 21 Sano Xukunka ku Haystey?

Waa su’aal meesha ku jirta oo ku haboon in la is weydiiyo, hase ahaatee way adag tahay si jawaab kooban looga bixiyaa, waayo? Waa su’aal guda weyn oo u baahan gogoldhig ballaaran iyo baaris qota dheer, oo waliba xog ogaal loo yahay, marka hore aan isweydiinee, dabeecadda iyo hab dhaqankii Maxamad Siyaad maxaad ka taqaan? Marka hore taariikh nololeedkii Janaraal Maxamad Siyaad Barre haddaan tusaale gaaban ka xusno, sida la weriyey wuxuu ku dhashay baadiyaha Mareexaanku dego ee galbeedka gobolka Galgaduud 1910kii, aabbihiis waxaa dilay Mareexaanka, wuxuu ahaa agoon iskoris ah. 1935kii wuxuu ka mid noqday ciidan gumeysigii fashiistadii Talyaanigu aasaasay oo la magac baxay bulusia kolonyaale “Sabtiye” oo loo dhisay in shacbiga Soomaalida lagu cadaadiyo ama lagu ciqaabo.

1941kii wuxuu ka mid noqday ciidan Booliis ah oo gumeysigii Ingiriisku gobolada koonfureed ka dhisay, hadalkii oo kooban:

  • 5 sano oo Talyaanigii faashiistadu dalka gumaysanaayey
  • 10 sano oo ciidamadii Ingiriiska oo la baxay Bii.Em.Ee (British Military Administration) oo Soomaaliya maamulaayeen
  • 10 sano oo Talyaaniga Qaramada Midoobey xorriyad gaarsiinta Soomaaliya ugu dhiibeen hayey.

Shan iyo labaatankaa sano wuxuu ku dhex jiray shaqada ciidan Booliis oo gumeysi xukumo.

Bishii Abriil 1960kii waxaa loo magacaabay Maxamad Siyaad taliya ku-xigeenka ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, markii 1965kii taliyihii guud Janaraal Daa’uud Cabdulle Xirsi geeriyooday Alla ha u naxariistee Maxamad Siyaad wuxuu dhaxlay jagadii bannaanaatay, dawladii rayidka ahayd ma jecleyn kumana kalsooneyn.

1969kii bishii Oktoobar habeenkii ciidamadu talada dalka la wareegeen sida la sheegay Maxamad Siyaad xafiiskiisii buu hoosta ka xirtay, isagoo ujeedadiisu ahayd hadii afgembigu fashilmo in uu ku dacwiyo waa la i xirey oo aniga waxba kama ogeyn, abaabulka inqilaabkana waxaa ammaanduul ka ahaa oo meel mariyey Alla ha u naxariistee Gaashaanle Sare Salaad Gabeyre Kadiye.

Galabnimadii 23kii Oktoobar markii Maxamad Siyaad idaacadda ka hadlay dad badan baan ku farxin, hase ahaatee odayaashii habdhaqankiisii hore yiqiin iyo askartii ay wada shaqeyn jireen qaarkood waa ka naxeen, khudbaddiisii ugu horreysey oo uu jeediyo, haddaladiisii waxaa ka mid ahaa: “Inqilaabka waxaanu u dhignay in aanu waddanka ka badbaadino halis soo food saartay ee uma dhigin in aanu helno kuraas.” Hase ahaatee hadalkaasi waa beenoobey.

Maxamad Siyaad wuxuu ahaa nin madax-adag oo aan cid ka tala qaadan oo tiisa kaliya ku meel mara, meeshuu qabsadana aan siidden, laba wajiile aan meel loogu hagaago la aqoon, afka wuxuu ka sheego iyo uurka wuxuu ku haystaa kala duwan yihiin, wuxuu ahaa nin lagu tilmaami karo xaasid, ninka raganimada leh iyo ninka wax tarka ah aan sharaf iyo libin midna u ogolayn, ninka cilmiga leh iyo ninka cod-karka ahna aad u neceb, qofka hadalka runta ah u sheegana la dagaalama, wuxuu ahaa nin faanka iyo amaanta aad u jecel oo aan waxyaabaha qaarkood ka xishoon, taasina waa astaan nin madax ah fool xumo ku ah, haddaan arrintaa tusaale yar ka bixino, ayadoo la ogyahay aasaasayaashii xisbigii Es.Waay.El ahaayeen 13 xubnood oo kaliya ka koobnaayeen, waxaa la yaab dadkii ku noqotay markii Maxamad Siyaad lagu kordhiyey oo 14 lagaga dhigay isaguna khaladkaas ku faraxsan yahay. waxaa lala fajacay markii sadexdii nin oo Shuuciyadda aabaha u ahayd oo kala ahaa Maarkis, Engelis iyo Lenin, Maxamad Siyaad sawirkiisii lagu daray oo afar lagaga dhigay, isaguna uu gacanta u ruxaayo.

Dhinaca kale haddaan ka eegno, waxaa la oran karaa Janaraal Maxamad Siyaad Barre wuxuu ahaa aftahan hadal yaqaan ah oo fikradda uu wato dadka ku qancin kara, bulshadana waxa uu doonaayo ka dhaadhicin kara. Wuxuu ahaa nin dalka iyo dadka iyo dhaqanka Soomaalida aad u yaqaan, maamulkii gumeysigana ku barbaaray. Habdhaqankii adoonsigana waaya arag ku noqday, sida dadka la isugu diro ama loo kala dilaalo iyo sida dabinka loo qoolo, ama sirta loo maleego aad u yaqaan, wuxuu ahaa nin askari ku gaboobay oo aan hawsha ka daalin, kana wahsan, shaqadana u dhabar adag, wax qabadkana karti iyo awood u leh, wuxuu ahaa nin abaabulka iyo kicinta shacbiga iyo sida dadka loo hawlgeliyo ama loo mashquuliyo maahir ku ah.

Markuu xukunka qabsaday wuxuu dalka iyo dadkaba ku maamulay hab askareed iyo taba gurracan oo uu ka bartay gumeysigii uu waayadii hore la shaqeyn jirey, tabahaasoo ahaa isku dir qarsoon, kala ilaalin si aan laba qabiil ama laba nin u heshiin, taasna wuxuu uga jeeday in aan marna isaga laga hor imaan, hase yeeshee markaan isweydiino ama aad u derisno dabeecadda xiisaha badan iyo dhaqanka qabiilka ku dhisan iyo musuq-maasuqa had iyo jeer Soomaalidu faraha kula jirto, nin xukun jilicsani Soomaali ma maamuli karaa waa su’aal.

Keligii Taliye

1969kii markuu Maxamad Siyaad xukunkii dalka maroorsaday, durba wuxuu u muuqday kaligii jiitaa aan talada dalka cid kale wax uga ogoleyn, asagoo ka shidaal qaadanaaya nidaamkii Sheydaan ee Shuuciga ahaa, Soomaaliduna taa horey uga maahmaahday oo waxaa la yiri: sadex midna lalama heshiiyo:

  • taliye jiitaaya: oo ay ula jeedaan kaligii taliye madax-adag.
  • taxdaa wadaad: oo ay ula jeedaan keligii cuurte wixii la siiyo waxna cuna waxa kalena qaata.
  • turqata naagood: oo ay ula jeedaan naag dood iyo hadal badan.

Waxaa loo bixiyey Maxamad Siyaad digtaatoor keligii taliye. Haddaba aan isweydiinee digtaatoor waa maxay? Digtaatooriyase maxay tahay?

Digtaatoor (dictator): waa qof tol ama qaran keligi u taliya, waa taliye jiitaaya.

Digtaatooriya (dictatorship): waa nidaam siyaasi ah oo ku dhisan in qof kaliya ama koox yari xukunka gacanta ku qabato bulshaduna sandulle ugu hogaansanto, wax walbana si feeyig ah isha loogu hayo loona ilaaliyo.

Golihii Sare ee Kacaanka

Maxamad Siyaad iyo kooxdiisii uu ku magacaabay Golihii Sare ee Kacaanka (Es.Aar.Sii – S.R.C) markey guddoonsadeen in ay xukunka dalka Soomaaliya gacanta ku qabtaan, waxay degsadeen barnaamij qorsheysan sharci adag iyo istaraatiijiyad laga duulo.

  • Golihii sare ee Kacaanka waxaa loo sawiray sidii wax dadka kale wax dheer kana awood sarreeya oo aan marna qaldami karin, hadalna lagu soo celin karin, cid kale oo fikrad wacan iyo aqoon cilmi lihina aanay jirin, Maxamad waa macallinka guud.
  • Waxay sameysteen deyr ku meersan iyo derbi adag oo aan la soo dhaafi karin, sida hay’addii En.Es.Es ee Nabadsugidda iyo laamaheeda oo hawshoodu ahayd sirdoon iyo xan-dhegeysi, cadaadin iyo kala-dhawridda dadweynaha, ciidankii madaxtooyada Koofiyad Cas, ciidankii guulwadayaasha sidaan dhawaan soo sheegi doono iyo Maxkamaddii Badbaadada Ummada oo loo bixiyey Kawaankii Ummadda.
  • Habka maamulka qaranka iyo shaqada dawladdu waxay ahaayeen amar qaado, dalkii oo dhanna waxay u rogeen xeryo askareed oo taliyaha guutada xukumaa amarka u dambeeya leeyahay.
  • 21/10/1969kii ilaa 30/6/1976kii, waa lix sano iyo sagaal biloodee, waxaa dalka lagu xakumaayey wareegto kasoo baxda Golaha Sare ee Kacaanka, waxay ku farayso fuli, qofkii ka horyimaada ama hadal kasoo celiyana waa xireen ama waa deyriyeen.
  • 1/7/1976kii ilaa 30/12/1990kii, waa afar iyo toban sano iyo lix biloode, waxaa dalka lagu xukumaayey amarada kasoo baxa Guddiga Siyaasada iyo Golaha Dhexe ee X.H.K.S, waxay ku faraayaan fuli, sidaa awgeed dadweynihii dalku wuxuu u ekaaday caruur waalidkood wuxuu yiraahdo ku hadaaqaysa.

Fulinta go’aamada Golaha Sare ee Kacaanka iyo Golaha Dhexe ee X.H.K.S waxaa lagu taageeri jirey dicaayad iyo bannaan-bax ballaaran, si aan cidina hadal iyo muran uga keenin, waxaana hirgelinteeda loo adeegsaday warbaahinta iyo saxaafadda qaranka iyo sharraxaadka farshaxanka iyo hal-abuurka qaybaha maansada Soomaalida, Guddiga Kacaanka, Guddiga Xisbiga, golayaasha Hanuuninta Dadweynaha, ururada bulshada, Hobolada Waaberi iyo kooxaha fanka ee qaranka iyo Ubaxa Kacaanka Oktoobar, sidaan soo sheegi doono iyo wixii kaloo la mid ahaa.

Ciidamadii Kacaanka

1969kii markii ciidamadii Maxamad Siyaad madaxda ka ahaa talada dalka la wareegeen, waxaa dalka Soomaaliya ka jirey saddex ciidan sidaan ku sheegnay fasalka Ciidamada Qalabka Sida, ka dibna waxaa Kacaanku dhisay afar ciidan oo hor leh, hadaba in kastoo taariikhda ciidamadaa la aasaasay kala dambeysay, hawsha ay qabtaan waxay isugu soo biya shubanaysay Maxkamadda Badbaadada waxayna kala ahaayeen sidatan:

Ciidanka Madaxtooyada

Ugu horreyntii waxaa la dhisay ciidan lagu magacaabay Ciidanka Madaxtooyada, dadweynuhuna ula baxeen Koofiyad Cas. Ciidankaas wuxuu hordhac u ahaa olole baaxad weyn oo la damacsanaa in la qaado, ciidankaasi wuxuu ka koobnaa qaybo Xoogga Dalka laga xulay iyo qaybo laga keenay qabiilka Mareexaanka miyiga dega oo Muqdisho si gaar ah loogu tababaray, sida ilaalinta madaxweynaha loogu feejignaado ama guud ahaan madaxda loo ilaaliyo oo amaankooda loo sugo, sida digtooni loo qaato iyo sida amarada deg dega ah loo fuliyo, sida wax loo xiro ama wax loo dilo ama dadka loo ciqaabo*, waxaa la siiyey tababar adag oo urursan iyo carbin joogto ah.

*Taasi wax lala yaabo ma aha, waa shaqada askarta Shuuciga.

Ciidankaas waxaa qaybihiisa taliyayaal looga dhigay saraakiil Mareexaan u badan oo si gaar ah looga xulay saraakiisha ciidamada Xooga Dalka oo tababarro kala duwan oo heer sare ah ku soo qaatay dalalka dibadda, waxaa loo sameeyey qorshe dhaqaale, miisaaniyad iyo gaadiid gaar ah oo calaamad gooniya leh, wuxuu ahaa ciidan tiro iyo tayoba aad u dhisan, aad baana looga baqi jirey, waxaa saldhigiisu ahaa Xarunta Madaxtooyada ee Maxamad Siyaad deggan yahay, waxaana looga talin jirey xafiiskiisa, wuxuuna ku shaqeyn jirey amarka madaxweynaha oo kaliya.

Ciidanka Nabadsugidda (En.Es.Es.)

1970kii waxaa Kacaanku dhisay ciidanka la baxay Nabadsugidda Soomaaliyeed (En.Es.Es.) si loo helo ciidan lagaga kal soon yahay ciidanka Booliiska, kadibna shaqadii booliisku qaban jirey inteedii badneyd iyo hawshii loo aasaasay waxaa loo dhiibey ciidanka En.Es.Es, waxaa taliye looga dhigay Sareeye Guuto Axmad Saleebaan Cabdalle “Dafle” oo ka mid ahaa saraakiisha Golaha Sare ee Kacaanka, kana tirsanaa Guddiga Siyaasadda ee Golaha Dhexe (X.H.K.S) Maxamad Siyaadna sodog u ahaa, oo sida runta ah awood ballaaran maamulka dawladda ku lahaa, jagadaa muhiimka ah waxaa loogu dhiibey inuu jiritaanka Kacaanka ka ilaaliyo cadowga gudaha kan dibaddana ka hor tago.

Ciidankaa waxaa loo dhisay inuu la dagaalamo Kacaan-diidka iyo Hantiwadaag-diidka, shaqaalaha ku dhex jira iyo dib u socodka dawladda ka soo hor jeeda iyo la dagaalanka anshax xumida sida laaluulsha, musuqmaasuqa, afminshaarka iyo kuwa qabyaaladda iyo goboleysiga ku adeegta, waa sidii hadalka too yiriye.

Saraakiisha ciidanka En.Es.Es waxaa taba baray Key.Jii.Bii-da Ruushka markii isbahaysiga Midowga Soofiyeeti heerka sare maraayey, Kacaan-diidka waxaa la meel joogay Ruush-diidka. Magaca En.Es.Es iyo xafiisyadiisa, ciidanka ka shaqeeya aad baa looga cabsan jirey, dalka gudihiisana waa laga necbaa, shacbigu wuxuu u yiqiin Ciidanka Nabadsiibidda.

Habkey u shaqeyn jireen hadaan tusaale gaaban ka bixino guud ahaan ciidanka En.Es.Es waxaa loo qaybshey sadex qaybood oo hawshoodu kala duwan tahay:

  • qayb shaqadoodu waxay ahayd dabagalka dadweynaha iyo shaqaalaha dawladda.
  • qaybna waxaa lagu jaaday dabagalka Ciidamada Qalabka Sida sida Booliiska Asluubta iyo wixii kaloo la mid ah.
  • qaybna waxaa loo xilsaaray dabagalka arrimaha dibadda, safaaradaha, socdaalka iyo hay’adaha caalamiga iyo dalalka shisheeyaha.

Magaalo madaxda Muqdisho waxaa ahaa taliska guud gobolada dalka oo dhan, waxaa ka dhisnaa talis gobol oo ciidanka Nabadsugidda En.Es.Es oo hoos yimaada taliska guud degma kastana waxaa ka jirey talis En.Es.Es oo hoos yimaada taliska gobolka.

Magaalo madaxda Muqdisho oo ahayd gobolka Banaadir waxaa loo qaybshey 13 degmo, degmo kastana waxaa laga furay xafiis ciidanka Nabadsugidda En.Es.Es oo taliska gobolka Banaadir hoos yimaada, degmo walbana waxaa loo qaybshay afar xaafadood, xaafad kastana waxaa laga furay xafiis En.Es.Es oo taliyaha Nabadsugidda ee degmada hoos yimaada, xaafad kastana waxaa loo sii qaybshey afar waaxood, waax kastana waxaa laga furay xafiis En.Es.Es oo kan xaafada hoos yimaada, waax walbana waxaa loo sii qaybiyey afar unug, unug kastana waxaa laga furay xafiis En.Es.Es oo kan waaxda hoos yimaada, xilliyadii dambena unugii waxaa loo sii kala qaybiyey afar deris oo ka kooban afar aqal oo iska soo horjeeda oo iyagu is tira kooba.

Gobol kasta iyo degmo kasta iyo tuulo walba, miyi iyo magaalaba waxaa loo habeeyey habkaas oo kale, shacbigii wadanka deganaa dhamaan waxaa laga dhigay ilaaliye iyo la-ilaaliye, mid baqaaya iyo mid laga baqaayo.

Ciidankii Guulwadeyaasha

1972kii waxaa Kacaanku dhisay ciidankii Guulwadeyaasha Ummadda oo ka kooban dhallinyaro ahayd suuq-joog, dhul-jiif iyo dib-jir, una badnaa tuugadii dadka dhici jirtey iyo kuwii tacliinta ka saaqiday oo rag iyo haweenba lahaa, aqoontooda iyo asluubtoodana aad u hooseyso, waxaa lagu magacaabey Guulwade hase ahaatee dadweynuhu wuxuu ula baxay Baaswade, waxaa taliye looga dhigay Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen oo Maxamad Siyaad sodog u ahaa. Ciidanka Guulwadeyaasha waxaa laga dhisay gobol kasta, degmo kasta iyo tuulo walba oo Jamhuuriyadda Soomaaliya ka mid ah, xataa ceelasha xooluhu ka cabbaan ee baadiyaha fog waa ka jireen, danta loo dhisayna sidii afka laga sheegay ama jaraa’idka lagu qoray waxay ahayd ilaalinta miraha Kacaanka iyo hirgelinta mabda’a Hantiwadaagga Cilmiga ku Dhisan, hase ahaatee wuxuu ahaa basaas hab ciidan loo habeeyey, waxaa astaan looga dhigay 20 il cas oo ku eegeysa, taa ayaa marag u ah wixii loo abuuray iyo sidii ficilkoodii laga arkay, waxaa hubaal ahaa inuu ahaa tabbaas gure, waxaa shaqadiisa ka mid ahaa dabagal oo ogoow iyo in uu sidii eyda u shaqeyn jirey, waxaana amar lagu siiyey in ay xaafad kasta, guri kasta iyo meel walba amar la’aan galaan, suuqyada wareegaan waxa lagu hayana ogaadaan, sidaa ayaa loogu bixiyey Baaswade, Belowade iyo Hoogwade, wuxuu ahaa ciidan tiro badan hase yeeshee tacliintiisu liidato oo xishood daran.

Ciidankii H.N.Gsh

Bishii Abriil 1978kii afgembigii la isku dayey ka dib waxaa Ciidamada Qalabka Sida dhexdooda lagu soo rogey cadaadis kulul iyo cabburin iyo xukun cuyuban, maamul fool xun iyo hab qabiil ku dhisan, saraakiil qabiilka Majeerteenka u badnaa ciidamadaa laga saaray, qaar kalena waa la xir xiray, qaarna meel kale ayaa loo wareejiyey, taasina waxay keentay in kalsoonidii ciidamada dhexdooda iyo kala dambeyntii ciidan hoos u dhacdo ama gebi ahaan lunto, sidaa awgeed hawlihii ciidamada waa la nacay, qaarkood intay habeenkii xeryaha ka guureeyaan ayey meela kale u shaqa doontaan, qaarna dalkaba waa ka baxsadeen, ayada oo taa lagaga duulaayo waxaa la baabi’iyey qaybtii dabagalka Ciidamada Qalabka Sida oo ka tirsanayd Ciidanka Sirdoonka En.Es.Es. Waxaa la dhisay ciidan hab kalsooni ah looga dhex xulay ciidanka Xooga Dalka, oo sida la sheegay u badnaa Mareexaan, Ogaadeen iyo Dhulbahante, iyo qabaa’ilka Hawiyaha, waxaa lagu magacaabay Hay’adda Nabadgelyda Gaashaandhiga (H.N.Gsh). Waxaa taliyayaal looga dhigay qaybaha ciidankaa saraakiil Maxamad Siyaad gacan saar la leh oo sida la yiri daacad u ahaa, ciidankaas waxaa loo dhisay laba arimood oo kala ahaa:

  • in uu daba gal ku sameeyo qaybaha Ciidamada Qalabka Sida kuwa laga shakiyana amar la’aan xiro.
  • in uu ciidamada xeryaha ka baxsanaaya ilaaliyo kana hortago, hase ahaatee wuxuu noqday ciidan hawlihiisa u madax banaan oo siyaasad aan cilmiyeysneyn ku shaqeeya, oo taliska Ciidamada Madaxtooyada hoos taga, shaqadiisuna waxay noqotay in uu qabto hawlihii En.Es.Es mid la mid ah ama ka foolxuma badan, wuxuu doonana sameeya.

Fiiro gaar ah: Ciidanka 1aad ee Madaxtooyada iyo Ciidanka 4aad ee H.N.Gsh waxay ka tirsanaayeen hogaamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxay si toos ah uga amar qaadan jireen xafiiska Maxamad Siyaad oo kaliya.

Xabsiyadii Kacaanku Dhisay

1971kii ilaa 1975kii wuxuu Maxamad Siyaad dagaal dadban ku qaaday ninkii dalka magac ku lahaa iyo ninkii shacbiga ka dhex muuqday iyo ninkii dadku ammaano ama ka mahad sheegto iyo ninkaan isaga sacabka u garaacin, si aanu u soo bixin nin haybadda iyo magaca kula tartama, waxaa la qaaday olole ballaaran oo ku wajahan qof kasta iyo koox kasta oo laga dareemo ama lagu tuhmo in aanay siyaasadda Kacaanka iyo hirgelinta mabaadii’da Hantiwadaagga la socon in xabsiga loo taxaabo isagoo aan maxkamad la horgeyn, taasna waxaa ka dhashay in xabsiyadii hore ee dalku buux dhaafeen, dadkii meel la kala geeyo la waayey iyo in Maxkamadda Badbaadada iyo maxkamadihii madaniga ahaa dadkey kala xukumaayeen isku qasmaan, maxaabiistii la xukumay iyo kuwii aan la xukumin iyo kuwii loo xiray “ii hay” si loo kala hago la kala garan waayey, halkaana dhibaato ka timid.

1974kii waxaa la dhisay saddex xabsi oo aan horey dalka uga jirin dhismahooda waxaa fuliyey dawladihii Shuuciga ahaa, Itixaadka Soofiyeeti iyo Jarmalka Bari, waxayna kala ahaayeen sidatan:

  • Xabsiga Laanta Buur waxaa laga dhisay meel magaalada Muqdisho u jirta 40 kiilomitir. Waxaa loogu tala galay in maxaabiista ku xiran beeraha lagu falo, hase ahaatee guul lagama gaarin.
  • Xabsiga Buur Weyn waxaa laga dhisay meel magaalada Buulaburde koonfur bari ka xigta una jira qiyaastii 20 kiilomitir. Waxaa loogu tala galay qofkii la rabo in aan la ogaan meel uu jiro.
  • Xabsiga Labaatan Jiroow waxaa laga dhisay meel magaalada Baydhabo waqooyi bari ka xigta una jirta 20 kiilomitir. Xabsigaas waxaa laga dhisay dhulka hoostiisa, waxaana loo dhisay hab gaar ah, lacagtii lagu dhisay iyo farsamadii loo dhisay waxaa lahaa Jarmalka Bari ee Shuuciga ahaa, waxaa loogu tala galay in lagu xiro siyaasiyiinta aan maxkamad la marin oo la iska hayo lana rabo in mooralka iyo maskaxda lagala diriro, ninka siyaasiga ah marka la qabanaayo, waxaa shardi u ahaa in la qabto goor habeenimo ah, waa in lagu qaadaa baabuur qafilan, waa in muddo hal saac ah magaalada dhexdeeda lagu wareejiyaa, dabadeedna toos loogu qaado xabsiga loogu tala galay amarka lagu xiraayana wuxuu ka soo baxay madaxweynaha oo kaliya, waxaa ka reebanayd in la arko ama la ogaado ama cidi u tagto ama war laga helo. Xabsiga Labaatan Jiroow taladiisa iyo dadka ku xiran waxay gaar u ahaayeen Maxamad Siyaad oo kaliya.

Saddexdaa xabsi iyo saddex kale oo gumaysigii hore dalka ka dhisay oo kala ahaa xabsiga dhexe ee Muqdisho oo loogu tala galay in lagu xiro 5000 oo qof, xabsiga Mandheera ee Berbera oo loogu tala galay 3000 oo qof iyo xabsiga Hargeysa oo loogu tala galay 1000 qof. Waa buux dhaafeen. Waxaa kaloo dalka ka jirey boqolaal xabsi oo dadka lagu ciqaabi jirey siiba Xabsigii Baarista X.H.K.S oo aan shaqadiisa laga daba hadli karin, wuxuu yiraahdaana ay ahayd Allaa yiri oo kale, xabsiyadii ciidanka En.Es.Es siiba xabsigii Xarunta En.Es.Es iyo xabsigii Xarunta Taliska Nabadsugidda gobolka Banaadir oo lagu magacaabi jirey Godka ama Qamta, xabsigii Guulwadeyaasha, xabsigii Ciidanka H.N.Gsh, xabsiga Dambi Baarista Ciidanka Booliiska (Sii.Ay.Dhii – C.I.D) iyo xabsiyadii qarsoodiga ahaa oo aan la aqoon. Waxaa intaa dheer xabsiyada saldhigyada Ciidanka Booliiska oo dhan.

Gobol kastaa waxaa ka dhisnaa talis Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo hoos yimaada taliska guud ee Muqdisho, degmo kastana waxaa ka dhisnaaa xabsi degmo oo hoos yimaada taliska gobolka, waxaana maamuli jirey Ciidanka Asluubta ee gobolka oo leh taliye degmo, gobol kastaana wuxuu lahaa ciidan, gaadiid iyo qorshe dhaqaale oo u gaar ah. Hadalkii oo kooban sanadkii 1974kii ilaa 1978kii oo gobolada Jamhuuriyada Dimoqraadiga Soomaaliyeed 14ka gobol ahaayeen, haddii qofka xiran la isweydiiyo oo la yiraahdo hebel xaggee jiraa waxaa la oran jirey wuxuu jiraa gobolka 15aad, taasoo loola jeedo xabsiga, maxaa yeeley? Dadka gobolka degan waxaa ka badnaa dadka xabsiga ku jira.

Hab-Maamulkii Siyaad Barre

  • 1978kii wixii ka dambeeyey Siyaad Barre wuxuu maamulkii dawladda iyo hay’adaha heer kasta ha ahaadeene u dhiibay rag aan xilkas ahayn nidaamka iyo hannaanka maamulka shaqadana aqoon u lahayn karti iyo waaya aragnimo horena aan lahayn, qaarkood wuxuu ku doortay xigto iyo xididnimo, qaama iskaga caabi qabiil iyo kuwo isaga had iyo jeer sacabka u garaaca, taasina waxay keentay in nidaamkii murgo oo wax waliba iska horyimaadaan, ka dibna hawlihii qaranku curyaamaan.
  • Markuu awoodii dalka oo dhan gacanta ku qabtay wuxuu u muuqday macallinka dugsiga oo kale, taasna waxaa ka dhashay wuxuu amro mooyee wax aanu ogeyn in aan la fulin, taasna natiijadii ka soo caad baxdey waxay noqotay in wax waliba macallinka hoos yimaadaan, wasaaradihii hay’adihii iyo mas’uulkii doonaaya in uu shaqo qabto waxay noqotay in ay macallinka kala tashadaan, amarna ka sugaan, taasina waxay sababtay in ay shaqadii dawladda gaabis noqoto.
  • Jagooyinkii iridaha siyaasada ee dawladda muhiimka u ahaa sida wasaaradda Arimaha Dibadda, safaaradaha X.H.K.S, ergooyinka shirarka dibadda ka qayb galaaya iyo xubnaha joogtada ah ee hay’adaha caalamiga ah la shaqeeya sida badan wuxuu u magacaabi jirey shakhsiyaad sokeeye u badan oo aan nidaam siyaasadeed iyo aqoon hab diblomaasi waxba ka garaneyn, taasina waxay keentay in xiriirkii dalku dawladaha dibadda la lahaa iyo sumcadii qaranku xumaadaan, ka dibna lagu dhaco go’doon siyaasadeed iyo takoor dib diblomaasi iyo wehel la’aan adduun weyne.
  • Ilihii dhaqaale iyo goobihii wax-soo-saarka tiirarka u ahaa oo dhan wuxuu ku koobay ma-gudbeyaal xigtadiisa u badan oo dhawaan shaqada dawladda ku soo biiray, oo aan jeebka wax ku guro mooyee dalka wax u qabo lyo wax soo saar iyo qorsha dhaqaale waxba ka aqoon, khibrad yo waaya aragnimana aan lahayn in uu dal iyo dad wax u qabtana ay maskaxdiisa ka maqan tahay, taasina waxay keentay in dhaqaalihii dalku si xad dhaaf ah hoos ugu dhaco, hannaankii ganacsiguna gudaha iyo dibadaba aad u wiiqmo, bangiyadii qarankuna saboolaan, hantidii lacageed oo dadweynuhu bangiyada dalka dhigtay lagu tagri falo.
  • Siyaad Barre wuxuu si toos ah iyo si dadban isaga horkeenay shaqaalihii maamulka dawladda waday, kan dalici, kan deji, kan kor u qaad, kan hoos u dhig, kan jagada ka qaad, kanna u dhiib, kan sharafta ka qaad, kan shaar cad u geli, hadaba asagoo adeegsanaaya erayo cay iyo liidnimo uu uga jeedo oo asluubtoodu aad u xun tahay oo sida runta ah nin madax ahi in uu yiraahdo aan ku habooneyn sida: Kacaan-diid, dib-u-socod, daba-dhilif, oo uu la jeedo kuwa dalka jooga oo xukunkiisa ka soo horjeeda, biiri-qaate, dhuuni-raac ma-dherge, af-minshaarka, iimaan-laawayaasha, oo uu ula jeedo kuwi hantida qaranka xada ama laaluushka qaata; dhuxdhuxle, warxuma-tashiilka, oo uu ula jeedo kuwa shacbiga iyo dawladda isku dira, canaasiirta qaldan, laba-wajiile, gumeysi-u-adeege, oo uu ula jeedo kuwa taliskiisa wax ka sheega oo dalalka dibadana ka hadla, taasna waxaa ka dhashay in mas‘uuliyiintii shaqada dawladda ka cararaan, aqoonyahankii iyo waxgaradkii badankoodii dalalka dibadda u baxsadeen dadka xukunkiisana aad u nacay iyo mucaaradkiina kordhaan.
  • Hab-maamulkii siyaasadeed iyo xukunkii cuyubnaa ee Maxamad Siyaad lagu nacay, waxaa ka mid ahaa: nin buu jaga sare oo dawladda ah mas’uul uga dhigaa, wuxuu ninkaasi jagada hayaba wax loogu gabado ama loogu dugaalaba, maalinta dambe ayaa xabsiga loo taxaabaa, gurigiisii, xigtadiisii, iyo saaxiibadiisna la gaba gabeeyaa, hadii xabsi lagu xukumay iyo haddii la iska hayey, xabsigii u dhamaayaa iyo cafis kusoo baxyaaba, inta Maxamad Siyaad u yeero oo sidii carruurta ama wiil uu dhalay u canaanto marna u waaniyo, wuxuu ku magacaabaa jago kale oo muhiim ah, gar iyo gar darro mid kasta ha lagu xiree, wax kasta ha lagu abaal mariyee waa nin la ciqaabay oo aad u ciil qaba, suura gal ma aha in uu shaqadii loo dhiibey daacad ka noqdo, sida marar badan dhacday, waa hubaal in uu laba arimood midkood yeelo: inuu shaqadii curyaamiyo oo wasaaraddii ama hay’addii uu mas’uulka ka ahaa baabi’iyo ama in uu wixii dhaqaale ahaa ka urursado oo dalalka dibadda u baxsado.

Hadaba aan isweydiinee eeddaa yaa leh? Sow ma habboonaateen mar hadii eedeysane laga dhigay in faraha laga qaado oo aan hawl loo dirsan? Waxaa Maxamad Siyaad caada joogta ah u ahayd in uu bishii walba mashruuc hor leh iyo olole qorsha cusub keeno, isagoo ujeedadiisu tahay in uu dadkii mashquul ka dhigo si uu uga ilaaliyo in aanay dhexgalka siyaasadda waqti u helin, taana wuxuu gaarsiiyey heer afartii qof ee is dhashay aanay saacadaha sheekada ku habboon gurigooda isugu imaan, sidaa awgeed waa aragtidii loo joojiyey keenidda iyo ka ganacsiga iyo beeridda qaadka 1983kii markii la ogaadey in fadhiyada lagu qayilo arrima dawladda lid ku ah lagu soo qaado, sidaan dhowaan soo xusnay Muxamad Siyaad wuxuu ahaa nin Eebbe hibo u siiyey sida dadka meel loogu jiheeyo, hase yeeshee falkiisu wuxuu ahaa biya col dhaanshey, oo natiijo ma yeelan.

Jeneraal Cumar Xaaji Maxamad Masalle oo ahaa taliyaha guud ee Ciidamada Xoogga Dalka ayaa madaxweynuhu u magacaabay wasiirka wasaaradda Caafimaadka. Janaraalkii waa yaabay hase ahaatee amarka ma diidi karo, waxaa jirey nidaam rasmi ah oo maalinta Axadda ah 7da ilaa 8da aroornimo shir hanuunin ah lagu qabto xarunta wasaarad iyo hay’ad kasta si shaqaalaha loogu baraarujiyo Hantiwadaagga. Cumar Xaaji isaga oo ka xun jagadaa loo dhiibay oo aanu aqoonta u lahayn, wuxuu shirkii shaqaalaha wasaaradda Caafimaadka ka jeediyey hadal siyaasi ah hase ahaatee hanuunin laga dhigay, wuxuu yiri: “Waxaan ahay askari waxaa lay baray sida nafta loo dilo ama wax loo burburiyo, idinkuna waxaa tihiin takhtariin waxaa laydin baray sida nafta loo badbaadiyo, waa in aan sidaa ku wada shaqaynaa.” Hadalkaasi wuxuu noqday halqabsi, hase yeeshee sirdoonku waxay yiraahdeen waxaa la dareemay in janaraalkii xiriir qarsoon la lahaa Sii.Ay.Ee-da Mareykanka oo ku tirtirsiyaayey in uu Maxamad Siyaad inqilaabo, sidaasaa ciidamada looga dhex saaray.

Golayaashii Kicinta Bulshada ee Kacaanka

Waxaan si tifaftiran uga soo hadallay habkii ciidan iyo awoodii taliskii Maxamad Siyaad u suura geliyey in uu muddo 21 sano ah xukunka dalka xoog ugu haysto oo uu gaashaanka ka dhigtay iyo siyaabuhuu maamulka u adeegsadey, tabihii iyo xeeladdii uu isticmaalay, hadana aan eegno dhinaca golayaashii ololaha Kacaanka iyo kicinta bulshada iyo kooxaha fanka iyo dhaqanka u dhisnaa oo si hagar la’aan ah jiritaanka taliskaa u seeta dheereeyey, oo ugu ololeynaayey si muddada xukunkiisu u sii dheeraato iyo habkii goloyaasha iyo kooxaha loo adeegsadey, sida ummadda loo mashquuliyo, si aanay guurtida iyo wax garadka bulshada ku dhex jiraa waqti ugu helin, si ay afkaarta siyaasadeed oo ay qabaan usoo bandhigin.

Golayaasha Hanuuninta Dadweynaha

1970kii magaala madaxyada iyo goboladda iyo degmooyinka hoos yimaada iyo beel kasta oo degmada hoos timaadda oo Jamhuuriyadda Soomaaliya ka mid ah, waxaa laga dhisay gole weyn (naadi) oo xafiisyo, guro iyo gegi bannaan oo lagu shiro riwaayadaha iyo cayaaraha lagu daawado leh, waxaa lagu magacaabay Golaha Hanuuninta Dadweynaha ama Oryateeshin hase yeeshee shacbigu u yaqiin Golaha Habaabinta Dadweynaha. Wuxuu hoos imaan jirey Xafiiska Xiriirka Dadweynaha oo markii dambe magaciisii loo bedelay Xafiiska Siyaasadda Madaxtooyada Golaha Sare ee Kacaanka, golayaashaa waxaa hogaamiye ka ahaa guddiyo lagu magacaabay oo kala dambeeyey sida Guddiga Kacaanka ee Gobolka, Guddiga Kacaanka ee Degmada iyo Guddiga Kacaanka ee Beesha.

1976kii markii golayasha la dhisay X.H.K.S waxaa la hoos geeyey guddoomiyaha Guddiga Xisbiga ee gobolka ama degmada ama beesha, waxaa guddiyadaas oo kale laga furay dhamaan wasaaradaha, hay’adaha. Shirkadaha iyo xeryaha ciidamada. Markii awooda xisbiga la dhidbay waxaa loo rogey ama loo bedelay wakiilka X.H.K.S. ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda.

Golayaashaasu waxay ahaayeen dugsiyada dhaqan xumida dadka lagu baro ama lagu tababaro nooc kasta ha ahaatee: akhlaaq xumida, dhaqan doorinta dhalinyarada iyo afkaarta meelaha silloon laga barto. Waa golihii dhallinyarada, haweenka carruurta iyo dadka garashadoodu hooseyso maankoodii iyo maskaxdoodii lagu bedelay, ku camal falkii diinta Islaamka lagu suuliyey, dhaqankii Soomaalidii hore ee wanaagsanaana lagu tirtiray. Golayaashaasi waxay ahaayeen markii la doonaayo in go’aan indha sarcaadin ah la meel mariyo meesha looga durbaan tumo, sacabka looga garaaco, ololaha abaabulka iyo kicinta bulshada calamada looga ruxo.

Ururada Bulshada

Waxaa dalka laga dhisay afar urur bulsho oo kala ahaa:

  • Ururka Xiriirka Guud ee Shaqaalaha Soomaaliyeed
  • Ururka Dhalinyarada Kacaanka Soomaaliyeed
  • Ururka Dimoqraadiga Haweenka Soomaaliyeed
  • Ururka Dhaq-dhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed.

Afartaas urur sida runtaa waxaa loo aasaasay dan gaar ah, shaqada ay qabtaanna waxay ahayd shaqada Golaha Hanuuninta aan ku soo sheegnay. Muddo dhawr sano ah waxay hoos imaan jireen Xafiiska Xiriirka Dadweynaha, markii dambena waxaa la hoos keenay Xafiiska Siyaasada Madaxtooyada Golaha Sare ee Kacaanka. 1976kii waxaa la hoos keenay X.H.K.S, 1977kii ka dibna waxaa loo aqoonsaday ururo heer qaran ah waxaana lagu magaacabay ururada bulshada ee qaranka, ururadaas mid kastaaba wuxuu xafiis maamul ku lahaa wasaaradaha, hay’adaha, shirkadaha, gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka. Urur kasta oo afartaa urur bulsho ka mid ah waxaa guddoomiye ka ahaa ama qof xubin ka ahaa guddiga fulinta oo awood sare leh oo qabiilka Mareexaanka ka tirsan. Urur kastaa wuxuu lahaa xarun u gaar ah oo hawshiisa laga agaasimo wuxuuna u qaybsami jirey waaxo iyo guddiyo, xeer iyo barnaamij qorsheysan oo uu ku hawl galo, miisaaniyad lacageed, gaadiid, ilo dhaqaale oo loo jaan gooyey, dhar, calan iyo astaan u gaar ah oo lagu yaqaan, urur kastana wuxuu xubin ka ahaa ururada caalamiga ah ee adduun weynaha. Afartaa urur bulsho oo lixaadkoodu aad u ballaarnaa madaxdooda iyo shaqaalahooda, guddiyada Golayaasha Hanuuninta Dadweynaha ee gobolada iyo degmooyinka ee Jamhuuriyadda oo dhan iyo kuwa wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u qaabilsan arrimaha ururada bulshada, waxay hoos imaan jireen hogaanka abaabulka iyo kicinta bulshada ee X.H.K.S oo uu guddoomiye u ahaa Cabdulqaadir Xaaji Maxamad oo xubin ka ahaa Golihii Sare ee Kacaanka, kana tirsanaa Golaha Dhexe ee X.H.K.S madaxna ka ahaa 1970kii ilaa 1990kii heerarkii kala duwanaa ee Xafiiskii Xiriirka Dadweynaha, markii dambena loo bedelay Xafiiska Siyaasada Madaxtooyada Golaha Sare ee Kacaanka, oo sida runtaa awood buuxda ku lahaa maamulkii dawladii Kacaanka la baxday.

Cabdulqaadir Xaaji Maxamad wuxuu sarkaalkii Siyaad Barre u tala saaray in uu dhallinyarada Mareexaanka u carbiyo sidey maamulka dalka u hanan lahaayeen, gaar ahaan irridaha siyaasadda, ilaha dhaqaalaha iyo bulshada, si uu taladaa u meel mariyo wuxuu furay Machadka Culuunta Siyaasadda ee Xalane ee af-Soomaaliga kaliya lagu baran jirey, kuna salaysnaa manhajka aragtida Hantiwadaagga, ardada kasoo baxdana boqolkiiba-60 waxay ahaayeen Mareexaan. Hawlaha X.H.K.S iyagaa laf dhabar u ahaa, waxaana loo dhiibi jiray maamulka dawladda gaar ahaan, meelaha muhiimka ah xagga siyaasadda, xagga dhaqaalaha iyo xagga bulshada.

1978kii wixii ka dambeeyey qof aan Machadka Xalane soo marin ama aan Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Xaaji Maxamad la gala tashan Siyaad Barre maamul uma dhiibi jirin, waana meelihii dicaayadda foosha xumi ka raacday.

Hobolada Qaranka ee Waaberi

1971kii waxaa la dhisay kooxda la magac baxday Hobolada Qaranka ee Waaberi, waxaa laga xulay kooxihii Kacaanka ka hor jirey, waxay ka koobnaayeen gabyaa, heesaa, hal abuurayaal, jilayaal, muusikaaley, majaajilayaal iyo kuwo cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo isugu jira rag iyo haween, qaarna waxaa laga soo ururshey gobolada Jamhuuriyaddu ka kooban tahay oo dhan, tiradooduna boqolaal bey kor u dhaaftay, waxay ahaayeen hay’ad agaasima gaar ah leh, miisaaniyad lacageed, gaadiid iyo qorshe mideysan leh, waxay hoos imaan jireen wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha, waxaana loo bixiyey Wakaalada Murtida iyo Madadaalada. Waxaa kaloo jirey dhawr kooxood oo waaya dambe la abuuray sida:

  • Kooxda Iftiin ee wasaarada Waxbarashada
  • Kooxda Horseed ee Ciidanka Xoogga Dalka
  • Kooxda Heegan ee Ciidanka Booliiska
  • Kooxda Onkod ee Ciidanka Asluubta
  • Kooxda Halgan ee Ciidanka Guulwadeyaasha
  • Kooxda Danan ee Ururka Dhallinyarada
  • Kooxda Xusuus ee Ururka Shaqaalaha
  • Kooxda Hillaac ee Ururka Iskaashatooyinka.

Waxaa kaloo jirey kooxo yar yar oo iskooda u madax bannaan oo waaya dambe abuurmay. Hobolada Waaberi iyo kooxaha hobolada kaleba, sababihii loo abuuray waxaa ka mid ahaa in ay taliska Siyaad Barre jiritaankiisa u durbaan tumaan oo amaanaan, dadkana u sawiraan in Maxamad Siyaad yahay halyey Soomaali u kacay oo nin u dhigmaana aanu jirin, dadweynahana mashquuliyaan oo indha sarcaadin ku ridaan, si aan loo dareemin khaladaadka dhacaaya ama indhaha looga qabsado. Markii afka Soomaaliga qoristiisa iyo ku dhaqankiisa lagu dhawaaqay, waxaa si fiican u kordhay oo horumar la yaab leh gaarey maansada iyo murtida Soomaalida jaadadkeeda kala duwan, in kastoo suugaan yahannada afka laga xiray oo maansadii iyo heesihii lagu koobay ammaanta Maxamad Siyaad iyo taliska uu madaxda ka yahay iyo waxaan Kacaanka ka hor imaaneyn.

Hobolada Waaberi iyo kooxaha fanka oo dhan waxaa xarun ay ku kulmaan u ahaa Golaha Murtida iyo Madadaalada, halkaas oo waxa ay doonaayaan ku allifaan, sida riwaayadaha, filimada, cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo barnaamijyada. Hadaba kooxaha fanka iyo suugaantu, gaar ahaan Hobolada Waaberi, sannada badan bay dawladii Kacaanka gabaya qiima weyn iyo heesa qurux badan oo ammaan iyo dhiiri gelin ah ugu luuqayeen, daramalka iyo durbaanka reemana u garaaceen.

1985kii wixii ka dambeeyey markii xamaasaddii dadweynuhu hoos u dhacday, dawladda waa ka xiriir furteen, waxay kula dhaqmeen sarbeeb qarsoon iyo suugaan maldahan iyo riwaayado dadban iyo heeso weecsan oo cajalado ku duuban.

Hase ahaatee waxay mucaaradnimo cadeysteen oo fikraddey qabaan diirka ka qaadeen 21kii Janaayo 1990kii markey Golaha Murtida iyo Madadaalada kusoo bandhigeen riwaayad ku saabsan maalintii Warfaafinta la aasaasay, heesahay habeenkaa keeneen waxaa ka mid ahayd heesta caanka noqotay ee Laankaruusar oo si bareer ah siyaasadda dawladda ceebeyn fool xun iyo dicaayad lala wareeray ku ahayd, iyadoo Maxamad Siyaad qudhiisu golaha fadhiyo riwaayaddana daawanaayo, xilligaa wixii ka dambeeyey kooxdii Hobolada Waaberi iyo kooxihii kaleba waa kala yaaceen, qaar dibadaha u dhoofay iyo qaar duurka galay bey noqdeen.

Faaf Reeb

Taliskii Siyaad Barre markuu door biday cadaadiska iyo caburinta ra’yiga dadweynaha Soomaalida, wuxuu adeegsaday hab kasta oo loo malayn karo in uu xoojinaayo xukunkiisa ama dheereyn karo jiritaanka. 1970kii bishii Disembar waxaa la soo saaray qaanuun lagu magacaabay Faaf Reeb Sansashiib oo mamnuuc ka dhigaaya riwaayadaha, filimada iyo qoraalada, maansada, heesaha iyo wax kasta oo dawladda lid ku ah. Waxaa shaqadaa loo furay xafiis gaar ah oo u madax bannaan, oo hoos yimaada hay’adda En.Es.Es. Dadweynaha waxaa si toos ah iyo si dadban loo faray wax kasta oo la allifo ama la qoro, sida kutubta, jaraa’idka kuwa dalka gudihiisa ka soo baxa iyo kuwa dibadda laga keeno iyo wixii la doonaayo in la bandhigo sida: riwaayadaha, filimada, sawirrada iyo qoraalada in xafiiska Faaf Reebka la keeno si loo diiwaan geliyo ama loo hubiyo. Sida dhabtaa ujeedada laga lahaa waxay ahayd in la ogaado aragtida ka dambeysa iyo fikradda ay cabbiraayaan, wax aan xafiiska Faaf Reebka soo marin oo aan warqad qoraal ah lahayn waxaa reebanaa in la faafiyaa, hay’adii ama qofkii amarkaa khilaafaa wuxuu muteysan jirey ciqaab kulul.

Ubaxa Kacaanka Oktoobar

1971kii waxaa la aasaasay kooxaha lagu magacaabay Ubaxa Kacaanka Oktoobar (U.K.O) waxaana laga asaasay gobol kasta iyo degmo kasta oo Jamhuuriyadda Soomaaliya ka tirsan, waxaa laga dhisay kooxo dhallinyaro aad u da’ yar oo laga xulay dugsiyada waxbarashada dalka, waxaa lagu barbaariyey heesaha ammaanta Jaale Siyaad iyo qaar waddani ah, cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka, waxaana loo xiray dhar gaar ah oo haybad iyo muqaal wacan leh, waxaana loo sameeyey calan iyo astaan gaar ah oo loo yeelay, waxaa heeggan looga dhigay in laga hormariyo markii madaxweyne Maxamad Siyaad meel hadal ka jeedinaayo ama shir furaayo ama xiraayo ama munaasabad gaar ah ka qayb galaayo ama dalalka dibadaha u dhoofaayo ama ka soo noqdo, ama wafdi sare adduunka kale ka imaanaayo la soo dhaweynaayo, iyagoo heesaha qaadaaya cayaarahana tumaaya, ubaxana ruxaaya ayaa goobtaa la geeyaa. Meel marinta iyo fulinta hawsha ubaxa waxaa u xilsaarnaa wasaaradda Waxbarashada, Ururka Dhalinyarada iyo madaxda maamulka gobolada iyo degmooyinka.

Gabagabadii oo Kooban

Axdigii Golihii Sare ee Kacaanka qaaday 21kii Oktoobar 1969kii qodobkiisa todobaad, wuxuu dhigaayey in doorasho madax bannaan la qaban doono marka ay habboonaato, hadaba ma waxaynu oran karnaa 21kii sano marna suura gal ma noqon in doorasha la qabto? Jawaabtu waa maya. Taasi waxay marag u tahay beentii iyo ballan furyaddii Maxamad Siyaad shacbiga u sheegay.

Markuu guddoonsaday geeri ku timaada iyo xoog lagaga qaado mooyee in aanu si kale xukunka uga degeyn, khudbad uu jeediyeyna wuxuu ku yiri, “Xukunka xabbad baan ku qabsaday.” Wuxuu dhistay oo samaystey deyr adag oo ku meersan iyo gaashaandhig xoog leh oo ka dhisan saddexdii ciidan ee Kacaanka ka hor jirey oo tiradooda iyo tayadooda aad loo kordhiyey, sidaan ku xusnay fasalka xaggee ku dambeeyeen Ciidamadii Xooga Dalka iyo afartaa ciidan oo aan habkii loo dhisay ka soo hadalnay, shacabkii Soomaaliya oo dhan waxaa laga dhigay maqal waxaraad, oo mareeg ku xir xiran ama ari xera ku jira oo ay askar xera ciidan ku jirta oo saraakiisha xukuntaa dusha sare ka ilaalinaayaan. Golayaashii iyo guddiyadii uu dhistay oo daacadda u ahaa sida Golaha Sare ee Kacaanka, Guddiga Siyaasadda iyo Golaha Dhexe ee X.H.K.S, Golaha Shacbiga, Golaha Wasiirada, Guddiga Difaaca iyo Nabadgelyada Qaranka, iyo guddiyadii kale oo iyaga hoos imaan jiray, iyagoo adeegsanaaya ciidamadaas iyo ururada iyo kooxaha aanu fasalka dambe kaga hadli doono ayagoo Maxamad Siyaadna maangaabka iyo ma kasta ugu sheegaaya ama u sawiraaya in uu yahay kan noloshooda iyo jiritaankooda bad baadiyey. Si kastaba maamulka dawladdii Maxamad Siyaad ha ahaadee waxaa taagaarey oo uu awooda ku helay lix arrimood oo kala ahaa:

  • Dawladii rayidka ahayd oo uu xukunka ka qabsaday oo xilligaa aad loo necbaa.
  • Mabda’a Hantiwadaaga oo xiiso loo qabay.
  • Xukunka askari iyo kaligii-taliska oo aan dadku waayo arag u ahayn.
  • Dawladdii Kacaanka oo todobadii sano ee hore muujisay wax qabad aad shacbigu ugu bogey.
  • Waxaa si hagar la’aan ah u taageeray dawladihii Hantiwadaaga ahaa, siiba dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha iyo dhismaha ciidamada.
  • Isagoo awoodii dalka oo dhan, siyaasaddii, dhaqaalihii, ciidamadii iyo taladiiba dhinac kasta ha ahaatee gacantiisa ku ururshay, waayadii danbe maamulkii dawladda oo dhan guud ahaan waxaa waajib lagaga dhigay 18ka gobol oo Jamhuuriyaddu ka kooban tahay iyo 92ka degmo oo goboladaas hoos yimaada in 24kii saacadoodba wixii ka dhaca ama ku soo kordhay iyo waxay ku sugan yihiin warbixintooda oo tafa tiran laba saac oo duhurnimo ka hor madaxweynaha hortiisa laga akhriyo hawl kasta ha hayee, kadibna amaradiisaa la sugaa, dhacdooyinka degdegaana hurdada ayaa looga toosin jirey. Marka kaliyoo qof mucaarid ah la maqlaa waa marka shakhsiyaad golayaashaas ka mid ahaan jiray oo shaqadii laga eryey intey dalka ka baxsadaan oo dibadahaas qaxooti ka noqdaan ideecadaha dibadaha kasoo hadal wareys ah ka sheegaan.

Xaggee ku Danbeeyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed?

1969kii markii taliskii Kacaanku awooda dalka la wareegay waxaa Soomaaliya ka jirey saddex ciidan oo kala ahaa:

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo hoos imaan jirey wasaarada Arimaha Gudaha, hawshiisuna ahayd ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida dalka gudihiisa. Taliskii Kacaanku markuu awooda la wareegay, ciidankii Booliiska inkastoo lagu maagacaabay ciidanka labaad ee dalka Soomaaliya awoodiisii waa la wiiqay, shaqadiisiina waxaa lagu koobay nabadgelyada shacbiga iyo gudbinta dembiyada Maxkamada Badbaadada ka baxsan iyo dacwooyinka madaniga ah iyo ilaalinta xafiisyada hay’adaha dawladda, goobaha muhiimka ah iyo safaaradaha shisheeye. Saraakiishii sar sare ee ciidanka Booliiska waa la kala firdhiyey oo meela kala duwan ayaa loo wareejiyey, maxaa yeelay? Maxamad Siyaad ciidanka Booliiska cuqdad xun buu ka qabay oo waa ka shakisnaa, wuxuu ahaa ciidan hab wanaagsan u dhisan xagga aqoonta, nidaamka iyo xagga qalabka, wuxuuna iskaashi iyo xiriir wacan la lahaa oo kaalmo ka heli jirey dawladda Jarmalka Galbeed.

Ciidanka Xabsiyada oo hoos imaan jirey wasaaradda Garsoorka iyo Arimaha Diinta oo shaqadiisu ahayd ilaalinta maxaabiista anshaxa iyo adaabta dadka xiran. Ciidankaa Kacaanku tiro iyo tayoba awoodiisii waa kordhiyey waxaana uu magaciisii u rogay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana lagu magacaabay ciidanka saddexaad ee qaranka, waxaana taliye looga dhigay Janaraal Ismaaciil Axmad Ismaaciil oo Ciidanka Xabsiyada taliye ka ahaa Kacaanka ka hor, waxaana maamul ahaan si gaar ah loogu xilsaaray daryeelka xannaanada iyo barbaarinta caruurtii lagu magacaabay Xarumaha Dhalinta Kacaanka oo gobolada dalka ku baahsanaa kana koobneyd agoon, dan yar iyo kuwo suuqyada laga ururshay oo wiilal iyo gabdhaba lahaa.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hoos imaan jirey wasaaradda Gaashaandhigga, oo u xilsaarnaa difaaca dalka iyo ka hortagga cadowga dibadda, hadaba markii ciidamadu talada dalka la wareegeen waxay ku dadaaleen dhisidda iyo habeynta iyo ballaarinta ciidamada Xoogga Dalka, iyagoo la kaashaday Midawgii Soofiyeeti iyo dawladihii Shuuciga ahaa ee reer Bariga, Talyaaniga iyo Masar, sida runta ah waxaa dhismay ciidan qaran oo tiro iyo tayoba aad u heer sarreeya oo lagu tilmaami jirey kan ciidamada Afrikada bari ugu awooda roon, wuxuu ku hubeysnaa qalab wanaagsan oo casri ah, wuxuu ahaa ciidan difaaca dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba hantay, shacbiga Soomaaliduna aad ayuu ugu kalsoonaa. Ciidamadaas habkii loo dhisay iyo nidaamkii ay saldhigyada dalka u kala fadhiyeen waxay ahayd sidatan:

Xarunta taliska guud ee Gaashaandhigga, hogaamada ciidamada, talisyada ciidamada lugta, cirka iyo badda waxay ahayd magaala madaxda Muqdisho, saldhigyada qaybaha ciidamada waxaa laga dhigay lix qaybood oo ku kala baahsan gobolada dalka, qayb walbana waxaa loo dhamaystiray wixii baahi ciidan ahaa sida qalab, saad iyo noocyada ciidanka waxayna u kala fadhiyeen sidatan, annagoo raacayna taariikhaha lagu kala magacaabay sidey u kala horreeyeen:

  1. Qaybta 54aad oo loogu magacdaray maalintii calanka Soomaalida la taagay 1954kii saldhigeeduna wuxuu ahaa magaala madaxda gobolka Nugaal ee Garoowe.
  2. Qaybta 26aad oo loogu magacdaray 26ka bisha Juun oo ku beegan maalintii dhanka waqooyi ee Soomaaliya gobanimada ka qaatay gumaysigii Ingiriiska 1960kii saldhiggooduna wuxuu ahaa magaala madaxda gobolka Waqooyi Galbeed ee Hargeysa.
  3. Qaybta 60aad oo loogu magac daray 1dii Luulyo 1960kii markii gobolada koonfureed gobanimada ka qaateen gumaysigii Talyaaniga, gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureedna midoobeen, Jamhuuriyadda Soomaaliyana ay dhalatay, saldhiggiisuna wuxuu ahaa magaalo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo.
  4. Qaybta 21aad oo loogu magacdaray 21kii Oktoobar 1969kii markii Ciidamada Qalabka Sida talada dalka la wareegeen, saldhiggiisuna wuxuu ahaa magaalo madaxda gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb.
  5. Qaybta 27aad oo loogu magac daray 27ka Juun maalintii Jamhuuriyadda Jabuuti gobanimadeeda ka qaadatay gumaysigii Faransiiska 1977kii saldhiggiisuna wuxuu ahaa magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, waxaana qaybtaas la dhisay markii dagaalada sokeeye ee gobolada waqooyi ka bilowdeen 1988kii.
  6. Qaybta 77aad waxaana loogu magac daray markay Soomaalidu dagaalka iyo dirirta la gashay dalka Itoobiya 1977kii, iyada oo taageereysa jabhadii Xoreynta Soomaali Galbeed iyo Soomaali Abbow, waxaana saldhiggiisu ahaa magaalo madaxda Muqdisho, hase yeeshee qaybtaa waxaa loo dhisay in lagu ilaaliyo kursiga Maxamad Siyaad waxaana taliye looga dhigay wiilkiisa Maslax Maxamad Siyaad.

Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo habkaa iyo hannaankaa u dhisnaa 1960kii ilaa 1990kii, waxaa dhismihiisii kala daatay, nidaamkiina lumay, lixaadkiisiina si tartiib tartiib ahna u bur buray 1988kii ilaa 1990kii sidaana waxaa sabab u ahaa saddex arimood oo kala ahaa: qabiil, caddaalad darro iyo maamul xumo. Haddaan faalo gaaban ka bixino sidey u kala daateen:

  1. 1978kii wixii ka dambeeyey waxaa ciidamadii maamulkoodii dhex galay siyaasad qabiil oo ku dhisan u eexasho, iyo nin jecleysi, kala gur iyo kanaa ku xiga, dabadeedna waxaa qiima beelay xeerkii ciidamada lagu kala hagi jirey, talose waxay faraha ka baxday markii dable askari Mareexaan ahi u goodiyey gaashaanlihii guutada u sarreeyey oo nin kastaa oo qabiilka Mareexaanka ku abtirsadaa uu noqday kan wax xakuma oo aan la xakumin waxaa lumay hab maamulkii ciidan iyo amar kala qaadashadii ismaqalkii iyo kala dambeyntii ciidannimo.
  2. Waxaa lagu tagrifalay mushaharkii iyo raashinkii ay ciidamadu xaqa u lahaayeen markay dhawr bilood waayeen ka dibna la ogaadey in saraakiishu u tashadeen, ciidamadii waa kala tageen, taliska sarena markay bishu dhamaato warbixinta waxaa ioogu gudbiyaa, “Taliye ciidamadu waa dhan yihiin,” waayo? Kuwa tegey mushaharkoodii, raashinkoodii, gunadoodii iyo waxay hanti qaadan jireen oo dhan maalinta lasoo qaado waxaa qaybsada saraakiisha ciidamada iyo hawl wadeenadooda oo gurya ku dhista ama ku qayila kuna tamashleeya.

Taasina waxay keentay in ciidamadii qaranku habeenkii xeryaha ka guureeyaan oo magaalooyinka u shaqo doontaan si ay naftooda ku badbaadiyaan iyadoo dawladda Itoobiya xuduud beenaadka dagaalo iyo qalalaaso ka wado. Hadaba ciidan waxaa lagu wadaa caddaalad, garsoor, xeer iyo xaq dhawr iyo iyagoo aan loo kala eexan, jeerkii Daraawiishi calankeedii sii galbanaayey rag badan oo Sayid Maxamad ay qaraabo iyo xigto ahaayeen ayaa xaruntii ka tegay, iyagoo caddaalad darro ka tirsaday, ka dibna Sayidkii wuxuu mariyey gabay habaar iyo calaacal ah oo hal ku dhiggiisu ahaa:

Iga carare nimankaan lahaa waa cad kaa baxaye
Cududaha ka jaba oo Ilaah idiinma caynaansho.

Cali Dhuux Aadan oo Sayidka xiniif colaadeed ka dhexeysay ayaa wuxuu dareemay in wadaadkii calaacalay, wuxuu mariyey gabay oo uu Sayid Maxamad ku cambaareynaayo, hase ahaatee uu ku tusaaleeyey caddaalad darrada iyo garsoor la’aanta madaxda ciidamada, waxaa ka mid ahaa tuducyadaan, wuxuu yiri:

Rag caddaalad waayaa sidii cawsha kala yaacye
Haddii cayaayir lagu laynaayo oo coodkii laga qaaday
Miyuu ciidmayaa awgayoow cararyey maad deysid
Colkaba hiirad baa kuu garwada waana cadowgaaye
Cabbanidaa wadaadkoow maxaa kaa calaacaliyey?

1982kii wixii ka dambeeyey waxaa la qaaday olole loogu magac daray Raaf, waxaa khasab lagu qab qabtay boqolaal iyo boqolaal dhalinyaro ah oo da’doodu yar tahay oo u badan suuq joog iyo beeraley tacbata ah iyo reer miyi xoola raacato ah, waxaa la siiyey tababar gaaban dabadeedna waxaa loo kala direy xeryaha ciidamada ee gobolada dalka, taasina waxay keentay in tayadii, haybaddii iyo wax qabadkii ciidamadu hoos u dhacaan. Nasiibdarro waxay noqotay markii dagaalada qabaa’ilku ka dhex qarxeen in askari kastaa daraja kasta ha lahaadee ku biirey qabiilkii uu ka dhashay, kadibna dagaaladii si toos ah uga qayb gaiay, dabadeedna haybaddiisii ciidan iyo martabaddiisii wax qabad iyo difaacii jiritaanka qaranka ee loo abuuray halkaa ku baaba’day, hadaba su’aashii ahayd, xaggee ku dambeeyeen ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed? Jawaabteedii waxay tahay, hubkii xad dhaafka ahaa ee dawladdii Siyaad Barre Raashiya, Ameerika, Itaaliya, Jarmalka, Shiina, Kuuriya, Roomaaniya, Masar iyo meelo kale oo adduun weynaha ka mid ah ka keentay markay qabaa’ilku boobeen mid culus iyo mid fududba waa kuwaa ciidamadii Xoogga Dalku ku dagaalamaaya iyagoo qabaa’ilkii kala hoggaaminaaya.

Faalla Gaaban

Waxaa caada joogta ah noqotay haddii qof meel madax looga dhigo ama xukuumadi talis ka horreeyey talada kala wareegto in qofkaasi ama xukuumadaasi kuwii ka horreeyey ku tilmaamaan in ay ahaayeen khaa’imiin, musuq-maasuq, maamulxumo, tagrifal iyo danaysi sameeyey iyaguna isu muujiyaan daacad wixii lagu gafey ama la qalloociyey hagaajinaaya hase ahaatee taladu waa isla tii.

Haddii qof hawl isu diro waxaa la arkaa ama suuragal ah haddaan waqtiga iyo duruufaha jiraa u ogolaan in aanu hawshaa ka jibakeenin ama ka gungaarin, sidaa darteed qaybtan koowaad waxaanu si kooban uga hadalnay taariikh murtiyeed kooban, dulmar ku saabsan dawladdii rayidka ahayd taliskii Kacaankii guusha ku billowday, hase ahatee guuldarradu ka dambeysay, qayb ka mid ah hab maamulkii taliskaa iyo tallaabooyinkuu qaaday kuwa gurracan iyo kuwa toosan qofba siday la tahayba.

Qaybta 2aad

Hawlgalladii Lagu Dumiyey Dawladdii Soomaaliya
Bayaankii Muqdisho ee 15/5/1990kii
Wallee ina-Ragow Tala Adduun Taada uun Maaha
Waxa Soo Socda Nimaan Garani Waxa Jooga ma Garto
Maxaa Dhaliyey Dagaalkii Abgaaliyo Gaalgale?
Kacdoonkii Muqdisho 30/12/1990kii
Muqdisho iyo Maamulkii Ururkii Yuu.Es.Sii

Hawlgalladii Lagu Dumiyey Dawladii Soomaaliya

1979kii ilaa 1990kii dhamaadkiisii waxaa dawladdii Kacaanka soo food saaray shaqaaqooyin siyaasadeed, fara gelin shisheeye iyo daggaalo ururo qabiil ku dhisani hoggaaminaayaan, sidaa awgeed dawladdii waxay yeelatay saddex cadaw oo iskaashaday kalana ahaa:

  • Cadawga koowaad oo ahaa gumaysiga reer Galbeedka.
  • Cadawga labaad oo ahaa dawladdii Itoobiya oo Mingisto hogaamiyaha ka ahaa.
  • Cadawga seddexaad oo ahaa ururo hab qabiil ku dhisan oo xukun doon ahaa.

Haddaan sadexdaas cadaw mid walba hawlgalkiisii gaar ahaan faallo gaaban uga bixino sidey kala ahaayeen iyo mid waliba siduu uga qayb qaatay dawladda duminteedii waa sidatan:

Reer Galbeedka

Sidaan meelo kale ku xusnay dagaalkii labaad dhamaadkiisii wixii ka dambeeyey, markii caalamku u qaybsamay reer Galbeed oo Mareykanku gudoomiye ka ahaa iyo reer Bari oo Itixaadkii Soofiyeedka guddoomiye ka ahaa. Waxaa soo ifbaxay siyaasad cusub oo ku salaysan beretan iyo kala jiidasho ummadaha adduunka deggan, taasina waxay dhalisay dagaal qabow oo hadba dhinacaad la jirto mooyee dhinaca kale ku boqon gooyo, sidaa awgeed 30kii sanadood ee Soomaaliya gobanimada qaadatay waxay ku dhex jirtey kala jiidasho labadaa quwadood oo caalamka ku tartamayey.

1962kii ilaa 1978kii Jamhuuriyaddii Soomaaliya tallaabaday qaaddaba waxaa turunturo iyo hagardaamo ku hayey Mareykanka iyo dawladaha reer Galbeedka iyagoo u aaneynaayey in ay dhinaca Shuuciyada u janjeeraan, sidaa awgeed waxay ka curyaamiyeen dhinac kasta oo horumar ah, xagga dhaqaalaha, xagga aqoonta iyo waxbarashada.

1978kii ilaa 1988kii waxaa dhabarka tumaati kaga hayey dawladihii Hantiwadaaga ahaa, ayagoo ku colaadinaayey in ay reer Galbeedka wax la qabsadeen, waxay adeegsadeen dawlada Hantiwadaag ahaa sida. Itoobiya, Liibiya iyo Yamantii Koonfureed, hase ahaatee waayadii dambe dawladaha reer Galbeedka qaarkood waxay u bareereen fara gelin toos ah in ay ku sameeyaan arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya, si ay Siyaad Barre oo xukunkiisii dheeraaday meesha uga saaraan, waayo? Wuxuu ku noqday laf dhuunta u gashay.

Hadaba dawladdii Kacaanka ee keligii taliska ahayd waxaa la saaray cadaadis iyo culays dheeraad ah, waxaa dadweynaha iyo dawladdii laga dhex abuuray fidmad isku dir iyo iska horkeen, waxaa lagu afuufay dicaayad been abuur ah oo looga gol lahaa in siyaasadda dawladda khalkhal la geliyo ama lagu majara habaabiyo, shacbigana laga horkeeno, iyagoo arrimahaa la kaashanaayey kooxo xukun doon ahaa oo mucaarid sheeganaaya iyo shakhsiyaad dhuuni raac ah, hase yeeshee khaa’imiin ahaa.

Sida runtaa dawladaha hodonkaa idaacadahoodii waayadii dambe waxay noqdeen hub khatar ah oo loo adeegsado fulinta danaha siyaasadeed iyo danaha dhaqaale oo ay ku leeyihiin wadamada soo koraaya, waxaa loo baxshey Wadamada Dunida Saddexaad ee saboolkaa. Dawlad kastaana waxay leedahay goldaloolo lagaga duulo ama deganti laga soo galo, xagga diinta sida Soodaan, xagga dhaqaalaha sida Yaman, xagga qabiilka sida Soomaaliya. Cadawgii gumaysigu kala daadinta dawladdii Soomaaliya wuxuu u adeegsadey hubkii ugu khatarsanaa oo ahaa qabiil dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba laga aloosay, hase ahaatee waxay ahayd dawlad aad u feejigan awood adagna leh oo aan si fudud loo liicin karin waxay gumaysiga isaga qabteen, hangool faraar leh, hase yeeshee markay muddo gilgilaayen ugu dambeystii waxay ku guuleysteen laba duulaan oo kala ahaa:

  • duulaan boqna-goyn ah oo dawladda Itoobiya soo qaaday.
  • duulaan arbushaad ah oo urura qabiil ku dhisani soo qaadeen.

Itoobiya

Bishii Maarso 1978kii markii ciidamada Soomaaliya ka soo baxeen dalka Itoobiya gaashaanbuurtii Waarso oo Soofiyeedku oday ka ahaa waxay qorsheeyeen sidii Maxamad Siyaad xukunka looga tuuri lahaa waddankana Hantiwadaag looga dhisi lahaa, waayo? Waxaa jirey kooxo aan yarayn oo mabda’a Hantiwadaagga aaminsanaa, arrintaa waxaa loo xilsaaray dawladda Itoobiya iyo laba dawladood oo Carab ah, Liibiya iyo Yamanta Koonfureed oo labaduba xiriir wanaagsan la lahaa dawladihii Shuuciga ahaa, gaar ahaan Itixaadkii Soofiyeedka. Hawl fuliye waxaa laga dhigay madaxweynaha Itoobiya Mingisto Hayla Maryam, waxaa loo dejiyey qorshe dhaqaale oo lagu hawlgeliyo iyo hab siyaasadeed oo lagu duulo.

Mingisto Hayle Maryam asagoo kaga aargudanaayey duullaankii Maxamad Siyaad Barre ku qaaday dhulka Soomaali Galbeed ee bariga Itoobiya iyo dawladda Soomaaliya oo taageeri jirtey jabhadihii taliskii Mingisto kasoo horjeeday sida Soomaali Galbeed, Soomaali Abbow, Tigrey, Eretariya, Oromo iyo Cafar, wuxuu dadaal wayn u galay sidii Maxamad Siyaad xukunka looga tuuri lahaa ama dawladda uu madaxda ka yahay awoodeeda loo wiiqi lahaa, sideediina wuxuu Mingisto and uga faa’iideystey siyaasaddii Maxamad Siyaad ku saaray khubaradii Ruushka iyo Kuuba kuna soo dhaweeyey Mareykanka iyo reer Galbeedka, dawladihii Hantiwadaagga ahaa Maxamad Siyaad waxay u arkeen munaafaq mabaadii’dii Shuuciga khiyaameeyey, Hantiwadaaggii uu sheeganaayeyna hadoof ahaa.

Taliskii Mingisto oo hawlgalkii dawladdii Kacaanka lagu boqon goynaayey ammaanduule ka ahaa wuxuu gacma furan kusoo dhaweeyey kalsooni buuxdana siiyey shakhsiyaadkii xukunka Maxamad Siyaad ka cararay gaar ahaan kuwii maamulka siyaasadda ku dhex jirey iyo saraakiishii ciidamada ka baxsaday, taliskii Mingisto wuxuu si hagar la’aan ah u taageeray ururadii taliskii Siyaad Barre kasoo horjeedey sida Es.Es.Dhii.Ef, Es.En.Em, Es.Bii.Em iyo Yuu.Es.Sii. Wuxuu dalka Itoobiya gudihiisa ka siiyey saldhigyo ciidamada lagu tababaro iyo marimo ay ka duulaan, idaacaday wararka iyo dicaayadaha ka baahiyaan, waxaa si hab qabiil ah gacanta loogu haadiyey albaabadana loo furay askartii ciidamada Xoogga Dalka ka baxsatay iyo dadkii kale ee dawladda ku kacsanaa.

Mingisto iyo dawladihii la shaqeynaayey waxay ku dhaqaaqeen wax kasta oo ay u arkeen in dawladda Soomaaliya lagu majaxaabin karo, ama awoodeeda lagu wiiqi karo, xagga siyaasadda, xagga dhaqaalaha iyo difaaca. Taliskii Mingisto wuxuu soohdin beenaadda ka abuuray qas iyo qalalaase dagaal oo ku wajahan qabaa’ilka Soomaalida ee dawladda Siyaad Barre daacadda u ahaa, wuxuu dagaal geliyey horrimo Soomaali ah oo magac jabhadeed huwan oo ciidamada Itoobiya ay taageeraayaan, waxay weeraro isdaba joog ah ku qaadeen meela bartilmaameed ah, waxay qabsadeen labo degmo oo soohdinta xiga: Galdogob iyo Balanballe, waxay abaabuleen kooxo wax arbusha iyo kuwo ku dhifoo ka dhaqaaq ah, waxay kaloo weeraro cirkaa ku qaadeen gobollada waqooyi sida magaalada Hargeysa iyo Boorama.

Hadaba sidaa awgeed dumistii Jamhuuriyadda Soomaalida waxaa safka hore kaga jirey taliskii Mingisto Hayle Maryam madaxda ka ahaa oo sida runtaa qayb weyn ka qaatay iska horkeenka shacbiga Soomaalida 12kii sannadood ee u dhaxeysay 1978kii ilaa 1990kii.

Ururadii Qabiil

Ururadii mucaaridka ahaa oo dawladdii Siyaad Barre ka horjeedey waxay ahaayeen laba qeybood: qayb ka kooban afar urur oo hubeysan oo dalka dibadda ka jirta oo reer Galbeedka iyo Itoobiya dabada ka soo riixayeen kuwaasoo si joogta ah soohdinta Itoobiya iyo Soomaaliya u dhaxaysa dagaallo ka soo qaadaayey, iyo qayb dalka gudihiisa joogta oo habeen iyo maalin been iyo barabagaan maldahan afuufaaya oo sida runtaa shacbiga dhexdiisa ka abuuray cudur qabiil ku salaysan iyo nacayb dawladda ku wajahan iyo jaahwareer, subaxdii waageedu baryaba waxaa dadweynaha loo sheegaa warar been abuur ah oo dawladda laga faafinaayo iyo dicaayad aan sal iyo raad midna lahayn, waxaa meel walba lagu bantookhay lacag laaluush ah si maamulka dawladda iyo ilaha dhaqaalaha ee waddanka loo curyaamiyo, waxaa suuqa madaw loo bedeley badeecaddii iibka ahayd iyo ganacsigii gudaha, waxaa ciriiri la geliyey nolol maalmeedkii shacbiga, xataa lacagtii adkeyd Doolarka ahayd ee dawladdu ugu tala gashay in ganacsatadu badeecad dibadaha kaga keenaan markay lacagtii bangiyada ka qaateen waxay dib uga sarrifteen suuqa madaw si badeecaddii dibadda ee dalku uga baahnaa loo waayo dabadeedna dawladda eeda dusha looga saaro.

Waxaa la xannibay shidaalkii wadanka oo qaybintiisa tashiil la geliyey si baabuurtii safaf dhaadheer u gasho oo dadweynaha dhibaatadu u taabato ka dibna dawladda loo haaraamo, waxaa gaabis laga dhigay dhuumihii ceelasha biyaha soo qaadi jirey, waxaa mugdi laga dhigay magaalooyinkii waaweynaa sida caasimadda Muqdisho oo nalkii khal khal laga geliyey, waxaa la bixin waayey canshuurtii dawladda, wixii la bixiyeyna waa la leexsaday, sidaan dhowaan soo xusnay markii ururka Es.Es.Dhii.Ef iyo ciidamada Itoobiya qabsadeen magaalada Galdogob sarkaal ammaanduulayaashii ururkaa ka mid ahaa ayaa Maxamad Siyaad madax uga dhigay Wakaaladdii Xoogga Korontada, markaasaa magaaladii Muqdisho nalkii ka damey. Abgaalka oo markay wax qoonsadaan aragtidooda shirib ku muujiya waxay yiraahdeen:

Ninkii Galdogob go’doomiyaa gudcur ka yeelay gobolkaan.

Intaas oo dhaqaale curyaamin ah iyo in ka badan oo aanan xusin waxaa looga gollahaa in dawladda iyo dadweynaha la iska horkeeno, si shacbiga dawladda loogu kiciyo. Hase ahaatee waxaa laga dheefay gablan iyo gurya ba’ay. Hadaba ururadaasi siday kala ahaayeen iyo urur walba taariikhdii la aasaasay iyo isbahaysigii qabiil oo uu ka koobnaa iyo urur waliba ujeedaduu lahaa iyo hadafkiisa siyaasadeed wuxuu ahaa, iyagoo faah faahsan faalo dheerna laga bixiyey waa sidatan soo socota.

Ururka Es.Es.Dhii.Ef

Maxamad Siyaad Barre markuu xukunka dalka la wareegey wuxuu aad uga cabsi qabay in siyaasiyiinta qabaa’ilka Majeerteen ay majaxaabiyaan ama kursiga ka qaadaan, waayo? Waxay lahaayeen waayo aragnimo siyaasadeed iyo awood dhaqaale oo ay wax ku inqilaabi karaan, Ciidamada Qalabka Sida iyo maamulka dawladana xoog bey ku lahaayeen, sidaa awgeed sannadadii hore oodduu ka rogtey il dheerna waa iskaga eegaayey, waxaa soo baxday hal qabsigii ahaa

Majeerteenku albaabka yey kasoo gelin ee daaqada kala hadal.

Sida runta inkastoo dalka cadaadis iyo cabburini ka jirtey wax dhibaato ah oo xilligaa Majeerteenka gaar u ahaa ma jirin, waxaase jirey saraakiil ciidamada ka tirsanaa oo markii dagaalkii Itoobiya laga soo noqday Hargeysa iagu laayey iyo kuwo inta laga shakiyey shaqadii ciidamada laga eryey iyo rag siyaasiyiin hore ahaa iyo saraakiil ciidamada ka tirsanaa oo la xir xirey sida Janaraal Maxamad Abshir Muuse, Gaashaanle Sare Axmad Ismaaciil Boqor, Gaashaanle Sare Jaamac Cali Jaamac, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Faarax Hoolif iyo Dktr. Yuusuf Cismaan Samatar Barda-Cad.

20kii sanadood ee taliskii Kacaanku talada dalka hayey intii badnayd nimankaasi xabsiga ayeey ku jireen iyagoo aan maxkamad la geyn qaar kalena xabsiyo dheer ayaa lagu kala xukumay, sideedana waxaa jirtey in Maxamad Siyaad guud ahaan qabaa’ilka Hartiga shaki weyn ka qabay siiba Majeerteenka, wuxuu ku qaaday xarbi dadban, cadaadis iyo caga jugleyn xoog leh. Hase ahaatee iyaguna waxay ka shakisnaayeen daacadnimadiisa.

1978kii markii ciidamadu kasoo noqdeen dagaalkii Itoobiya bishii Abriil magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay afgembi fashilmay oo ay abaabuleen koox saraakiil ah oo ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsanaa una badnaa qabaa’ilka Majeerteen gaar ahaan Cumar Maxamuud, badidoodii waa la qab qabtay waana la xiray qaarna waa baxsadeen, afgembigaa ujeedadiisu waxay ahayd dhallinyaro hawo xumo qaaday oo ku fekeray in ay Maxamad Siyaad xukunka kala wareegaan ee wax Majeerteenku u dhan yahay ama kooxdaa askarta la ogaa maahayn.

Ciidamadii afgembigaa ka qayb qaatay waxaa la horgeeyey Maxkamaddii Kawaanka Dadka oo taliskii Kacaanku ula baxay Maxkamadda Badbaadada Ummadda, 17 ka mid ahaa dil baa lagu xakumay intii kale xabsiyo kala duwan oo u dhaxeeya 15 ilaa 30 sano ayaa lagu kala xakumay.

Afgembigaa fashilmay wixii ka dambeeyey Maxamad Siyaad wuxuu lasoo baxay dabeecaddiisii dhabta ahayd oo faashiistadii Talyaaniga uu ka bartay, wuxuu guud ahaan shacbiga saaray cadaadis, xabsi, daba gal, shaqa ka joojin iyo wax la mid ah. Waxaa la dhaqan geliyey qaanuun diidaaya in saddex qof isu timaado, taasna waxaa ka dhashay in dadkii kala ugaaroobo oo wax wada shaqeeya iyo wax is aamina la waayo. Bil ka dib xukunkaa Maxkamadda Badbaadada Maxamad Siyaad Barre wuxuu tegay magaalo-madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo. Shirar kala duwan buu magaalada ku qabtay. Ugu horreyntii wuxuu la shirey odoyaasha qabiilka Habargidir oo aan xilligaa iyaga iyo dawladda wax xumaan ahi dhex ool isagoo ku xumaynaaya Majeerteenka, markii xigayna wuxuu la shiray maamulkii dawladda ee gobolka, ugu dambeyntiina wuxuu la shirey odoyaashii Majeerteenka, wuxuu halkaa ka jeediyey haddalo isugu jira goodi iyo faan, caga jugleyn iyo digniin iyo talooyin in la yeelaa ay la habboon tahay, odoyaashiina si cadaan bareer ah oo aan leex leex iyo gabasho lahayn bey ula hadleen, waxayna talo ku yiraahdeen: “Saraakiisha tala xumada iyo hawadu qaaday waxaad ka yeeleyso adey taladoodu kula jirtaa, hadaad leyso iyo haddaad xabsi ku xukunto, waxaanse kaa dooneynaa dad kale oo aan dambi lahayn in aan wax dhibaato ah loo geysan qabiil ahaana aan loo ugaarsan.” Ugu dambeyntiina waxaa hadalkii lagu gaba gabeeyey laba qodob oo sida runtaa haddii lagu dhaqmo wax tar noqon lahaa:

  • Maxamad Siyaad wuxuu madaxdii iyo odoyaashii ka balan qaaday in uu saraakiisha dhalinyarada ah oo tala xumada ku kacday dilkooda ka fiirsan doono, dad aan dembi lahaynna in aan waxyeelo loo geysan.
  • Odayaashiina waxay ka balan qaadeen in ay Kacaanka la shaqeyn doonaan taageero buuxdana siin doonaan.

Eebow maxaa xigi? Gablan tala adduuney maxey galaba heer joogtey? In kastoo sidaa la isku afgartay, odoyaasha Mudug degani shaki weyn bey balanqaadkiisa ka qabeen, waayo? Waxay u yiqiineen qoor iyo xero laawe runta ka fog, markuu Xamar ku soo laabtay, wuxuu la tashaday Golihii Sare ee Kacaanka, wuxuu fali lahaaba waxaa la hordhigay qaanuun aan la dhaafi karin oo ay horey u degsadeen 1971kii laguna fuliyey kooxdii ay ka mid ahaayeen Janaraal Maxamad Ceynaanshe Guuleed, Sarreeye Guuto Salaad Gabeyre Kediye iyo Gaashaanle Cabdiqaadir Dheel Cabdulle, kuwaasoo sida runtaa afgembiga lagu eedeeyey tuhun kaliya ahaa oo aan fal bareer ah ku kicin, waxaa lagu doodey kuwani fal cad bey ku kaceen, askar badanna wey laayeen, hanti dawladeed bey bur buriyeen, Kacaankana waa ka hor yimaadeen, abaalkoodu waa in xukunkii Maxkamadda Badbaadada la fuliyo, waa in la laayaa, hantidoodana lala wareegaa, haddii kale waxaa loo arkaayaa in kuwii horena qabiil ahaan loo laayey kuwaanna qabiil ahaan loo daayey.

Sidaa daraadeed ballankuu soo qaaday Maxamad Siyaad daaqadduu ka tuurey, 17kii sarkaal oo dilka lagu xakumay waa la laayey*, hanti waxay lahaayeena waa lala wareegey, guuli taa kama dhalan. Xaalaadii waa sii qasantay, ciidamo badan baa xeryaha ka yaacay, shaqaale fara badan baa fakaday, kuwo dibadda jirey baan soo noqon. Majeerteenka oo markii hore ula booc ah loogu kubaayey cadaadis xun baa la saaray madaxdoodiina daba gal adag baa lagu sameeyey qaar baddanna waa la xirxirey. Ciidamadii sirdoonka waa la hawl geliyey. Gobolka Mudug waxaa ka muuqday gedood lagaga xun yahay kooxdaa dhalinyarada ahayd dilkoodii iyo isbedel Kacaanka ka horjeeda.

Taasi hadey dhacday xeryihii ciidamada ee gobollada waxaa laga soo dhex saaray wixii saraakiil ahaa ee Majeerteen ku abtirsada oo Muqdisho lasoo geliyey, askartiina waxaa laga dhigay ilaaliye iyo la-ilaaliye, dadkii Mudug daganaa waxaa loo direy ciidamo abaalkooda mariya, waa sida hadalkaa loo yiriye, ciqaab kulul oo aan naxariis iahayn baa loo geystey sida garaacid, xarig iyo barkadihii biyaha oo laga bur buriyey, ceelashii oo laga dumiyey, taasina waxay keentay in dadkii gobolka Mudug degenaa soohdinta ka gudbaan oo dhanka Itoobiya u baxaan iyagoo nabadgelyo bidey.

Gaashaanle Sare Cabdullaahi Yuusuf Axmad oo kamid ahaa saraakiishii Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ka baxsadey iyo rag siyaasiyiin sare ah iyo aqoonyahanno aan yareyn baa dawladdii Itoobiya magan gelyo ahaan u galay, ka dibna waxay aasaaseen ururka la baxay Kulmis – Ururka Dimoqraadiga ee Badbaadinta Soomaaliya, Es.Es.Dhii.Ef, oo hab toleed Majeerteenka Mudug degan ka dhisan, waxaana hogaamiye jabhadda loogu doortey Gaashaanle Sare Cabdullaahi Yuusuf Axmad, dawladdii Itoobiya aad bey u soo dhaweysey, saldhig ay ka duulaan iyo idaacad ay ka hadlaan waa siisey. Ururkaasi wuxuu ahaa urur mucaarid ah kii ugu horreeyey oo halgan hubeysan kala hortaga dawladdii Kacaanka ee Maxamad Siyaad madaxweynaha ka ahaa, kadibna cutubyadii Ciidamada Xoogga Dalka ka baxsaday oo jabhadda galay iyo dhallinyaro ku biirtey weerar hubeysan bey dawladda kusoo qaadeen iyagoo ay hogaaminaayaan saraakiil sare sare oo Ciidamada Xoogga Dalka ka tirsanaan jirey iyo siyaasiyiin dalka gudihiisa caari ahaa iyadoo weliba ay taageeraayaan kooxo ciidamada Itoobiya kamid ahaa.

*Bishii Oktoobar 1978kii

Dhibaatooyin fara badan oo is afgaranwaagaas ka dhashay ayaa si weyn dalka wax ugu dhimay, xagga siyaasadda, xagga nabadgelyada xagga dhaqaalaha iyo xagga wada jirka bulshada, dawladdii Kacaanka la magac baxdayna qas iyo qalalaase, khalkhal, jaha wareer iyo daganaansho la’aan buu geliyey. Maxamad Siyaad Barre oo godob galay sirtiisuna ahayd ninku intaanu ku dilin dil, wuxuu ku tashaday in uu dagaal kala hortago, wuxuu dhisay jabhado hab qabiil ku habeysan oo ka kooban qabaa’ilka dega jiida gobolka Itoobiya xuduuda la leh si ay ula dagaalamaan jabhadaas, waxaa jabhadaas loo habeeyey hab ciidan, waxaa loo qorsheeyey hub, gaadiid iyo sahay, waxaa lagu dhex daray saraakiil ciidamada ka tirsan oo maamula, tababarna siiya, waxaa madaxda ciidamada gobolada fadhiya la faray wixii jabhadaasi uga baahdaan in la siiyo, qabiil walba waxaa lagu jeediyey soohdinta galbeed meeshuu ka degan yahay, waxaa ummadda Soomaalida la maqashiiyey waxay difaacaayaan weerarada Xabashida inta ciidamadu soo gaaraayaan, hase ahaatee waxaa heegan looga dhigay in ay ka hortagaan jabhadaas Kacaan-diidka ah.

Rag waxgarad ah ayaa Siyaad Barre u tegay oo waxay ku yiraahdeen qabaa’ilka aad hubka siineyso ka daa, dhibaataa ka imaan doonta mar dambena hubka ka dhigi kari maysid. Hadaba sababihii ugu xumaa ee Soomaaliya iska horkeenay ama kala kaxeysay iyo dagaaladii ka dhex qarxay waxaa fure baas u ahaa hubkii si dadban iyo si toos ah Maxamad Siyaad isugu dhiibey ummadda iyadoo xaaladda Jamhuuriyadda Soomaaliya qasantahay. gaar ahaan gobolada dhexe dadkana dheguhu taagan yihiin, ayaa nin gabyaa ah oo markii hore Ciidanka Booliiska ka tagay, sida la sheegayna jilib hoosaadka uu ka dhashay dabka ay shidaan faraha lagaga gubto, magaciisana la oran jirey Khaliif Sheekh Maxamuud wuxuu mariyey gabey tirtirsi iyo guubaabo ah oo uu ku kicinaayo qabaa’ilka Jamhuuriyadda degan badankooda, isagoo ku guubaabinaaya iney dawladda Siyaad Barre madaxa ka yahay ku kacaan oo la dagaalamaan, gabeygaana waxaa loo bixiyey Hurgumo, gabeygiina waa kan, wuxuu yiri:

Abshirow micnaha gabay haddaad midh iga weydiisey
Ninyahaw madluun baan ahaa maalin iyo leyle
Intasaan mud leeyahay sidii gorayadii Muune*

Magliga daabo ma ahee si kale hay maleynina’e
Adduunyadaan maraameysan ee murugtey aa xiintey
Ee uu Mareexaan u kacay waa mas’alo weyne

Maruuryoodayey xalay miyaan mirey calooshayda
Muskii la iga soo galay miyey dhaxani mawleysey
Goortaan wax milicsaday miyaan cara madoobaaday?

Bidixda iyo midigtii miyey midiba meel aaday?
Markabkaan ku tiirsaday miyaa meeshii laga qaaday?
Maxamuud Saleebaan miyaa marada loo taagay

Sidii aar muhdiyahaa miyaan micida soofaystay?
Mililkii iyo hurgumadii miyaa uurka iigu miilmay?
Ma inaan colaad maamuley dani i moodsiisey?

Majeerteen Ilaah wuxuu ka dhigay malab sidiisiiye
Sida miraha doocaan* ka baxay muudsay aadamiguye
Nin waliba wuxuu mihindisaa inuu magashaaye

Agoon maalka laga qaaday oo meel kastaba joogta
Mareexaanka naagaha qaboo madaxa loo saaray
Ee mudanayaashii jeclaa moodka laga yeelay

Dadku mawdku way iska ogyahoo Maalig baw qoraye
Meydkiyo raqdoodii miyaa laga dul maansooday?
Sidii waxaan Muslim ahayn miyaa muxibo loo laayey?

Madfacii Iyo rasaastii miyaa meel kastaaba gaaray?
Kuli miraha Daarood miyaa keen isugu miirmay?
Ma kuwaan Hartiga moodayaa soo mashxaradaayey

Maangaab Dhulbahantaa miyaa nagu maraabeeyey?
Margaaguufyadii haray miyaa muruqa noo tuujay?
Muhaniga Ogaadeen miyow mamay xumaanteena?

Warsangeliga maahee dadkii mayna wada meershay?
In kastey bahnimo muujiyeen sooma mayl bixine
Malkadaan ka sugaayiyo ma imaan moosinkaan rabaye

Hadey ficil mayiigaan warmuhu nama muquureene
Magac iyo xadeed bey idaha kaga macaashaane
Macna ineyan noo tarin miyaa meeshii ka cadaatay?

Iidoor marduuf qaada helay waa majnuun falane
Hilib maraq leh iyo roodi bey miisanahayaan
Macna dawladnimo leedahayba uma muraadaane

Caynaanshe meeshii la dhigay haadku malafleeye
Mudadkiisa waa tii dugaag maalin weyn cunaye
Maskaxdiisa waa tii tukaha looga dhigay miile

Nabadey macaansanahayaan way iska maan li’iye
Walee amaa magaalada Barbara dhiigu mulacleeyey
Ama sida mawaashiga ratiga meyra lagu saarye

Hawiye meeluu joogaba dagaal wayska maanacaye
Maankaba ka jare raganimaad meel kasoo galiye
Maaraha Siyaad baa ka dhigay maata caana lehe

Mudanihii gabeyruu ka diley oo mar soo baxaye
Abgaal oo mahiigaan ka badan jarma loo miiqye
Waxay talo ku goosteen iney moxogga diirtaane

Habargidirta Mudug joogta oo macashu weynaatey
Oo la iska maamulanhayoo deyrka lagu meershay
Ee sida halaha meydabtaa la iska maalaayo

Iyaba mahadhiyo way qabaan ceeb mugooda ahe
Murursadiyo Cayr iyo haddii Sacad la meeleystey
Marna inaanay maya oran kareyn kama maleyne

Hadalka hayga moodina inaan maarawaa nahaye
Sidaan maantay nahay yaan la oran laga mil roonaaye
Mar uun baan mawjadaha hiriyo maayad soo kicine

Nabsigaa mugdiga gudahayaa maalin heleynaaye
Carruuraha maryaadaaya iyo dumarka mawleyey
Mar uun baa marwada Maxamad qabaa noqon masalkoode

Mar uun baa mid lagu meel mariyo maahir noo kiciye
Mar uun baa rag wada miigan iyo miigu soo bixiye
Mar uun baa malkada Caabudwaaq miigu soo degiye

Ninkii tiisa maamulan karaa kuu muraad fala’e
Magalooti iyo lama martiyo mid iyo meygaage
Bal inaad idinku naga maarantaan wax is muhiim muhiimsiiya

Afartaas intaan miim ka dayey meel ma qabadsiiyey?
Rag baa gabayga meermeeriyee marin dhac mawdiidey
Macna kalena waa hadal yaraan meesha ka caddeeyey

Maraweyntii reer Cumar ahayd meher xalaaleeye
Midguhuna ma yeeleen waxay madaxa saareene
Aw Muuse gabayguu marshaa meesha soo galaye

Waxba yaan macna la’aan xarago suuqa lay marine
Waxba yaan matoobi iyo shaal lay mardaadiyine
Waxba yaan dad mudanaanu nahay lay maqmaqashiine

Cadadkeed mulkiyadeed hadaad xero u maageerto
Mareerkiyo galoolkiyo haddey magacley daaqeyso
Oo kureygu muraha u sido maraqu dheesaayo

Ninkii maagistaadiyo fidmada muhashadeed hayso
Haddii uu martabadaadii hore sax u maleyn waayo
Marka hore mid buu kaa qalaa muunad loo dhalaye

Mure hadey dhadhami weydo iyo dacar la soo miirey
Oo uu ragii maali jirey soo murbixi waayo
Mulush iyo haddey wada noqdaan moholadiin tuunsan

Doqonkii maldahan wawga bixi maalin dirireede
Mar labaad rogaal weeraraa lagu majiiraaye
Oo muuqaala doonkii rag kale galab ka meershaaye

Cabdulqaadir bey malafsadeen maalin duhurkiiye
Mashiigaanku goortuu dardaray mahad ma moogeene
Macaan dhereg la yahay ceebtu waa meheradiiniiye

Nimankii mindida saaray baad meel la hurudeene
Oo waliba maamuus salaan ugu mihiibtaani
Inaad diini magantiis tihiin idinma moodeyne

Dabadeedna muurmuursigii loogu muumal daaye
Toban iyo todoba madaxa oo uuskii laga maaxshay
Is maxamuudintisaas xubnaa loo makaabsadaye

Maawigii xalwiyo lagaga tuur malawgii dheeraaye
Ciro inuusan meel roon ka dhalan wow masuul qabaye
Magaca ba’ay Ciisaan lahaa waa mintidayaane

Cismaankii ismaahoorin jirey malihii beenoowye
Haddii muran dhex maro reer tolkood way is mutuxiyaane
Goortey shisheeyaha mutaan reer marti xumooyin

Raggii shaarubada miiqi jirey waa makaan dumaye
Waa taad Majeerteen yar yare nagu magacawdeene
Murti hadaad lahaydeen wax tara lagu muquuneeye

Ibraahiima muran bey qabaan mur iyo deebaaqe
Moortaanyihii shalay ku dhacay lagu mahlaakeeye
Dhul u dheer middii lagu dhiftey doc ula miirmeene

Mardarkii shishooruhu markuu kor u muquuraayey
Allaaba waa gar gaar meel maraad ugu miciintaane
Goortii la mariyaad kalgacal wada maqsuudeene

Ninba maalin baa loogu iman mahadhadiisiiye
Qoladey markaa haysataa kaga maqnaataane
Xaasidnimada maaroowdey waydin macaan tahaye

Ma’wiga Cali Saleebaan haddaan mirar ka faaleeyo
Waa niman maslaxaddoodu tahay meydii iyo fooxee
Waa niman malley in ay dabtaan maanka kaga taale

Waa niman aan ficil muujin karin maalin dirireede
Iyagoo malyuun iyo malyuun mirar saruu dhaafay
Waa niman masaakiin yar yara lagu masaalaaye

Waa niman macnaha ay wataan lala mashquulaaye
Waa niman mucaarid iyo toos aan midna ahayne
Waa niman aan meelna uga jirin rag leeyahaye

Mudankii walaashiis la dilay murugo waw koowe
Ragaa lagu malkhadayaana waa ma hurtadiiniiye
Mar uun inaad is daydaana way kaa madawdahaye

Mataraariyaa lagu furaad kaligood moodeene
Goortii mir iyo mayrac iyo malafsi loo laasto
Inaad adigu marax kayda tahay wayska moog tahaye

Muusiyo Ismaaciilba bahdood kama masuugaane
Mar haddey markaabida jebshaan maara laga waaye
Magli kugu dhagaayey sideed wax u maroojaane

Marse haddaan kor u qeyliyoo mirar u yeer yeero
Moxorkii jeceleed haddii firimbi mawleeyo
Haddii aan magaalada Qandala oohin kula meero

Madaxyada wal waleed haddey deero mulufaado
Ceelkii mareegsane haddii qiiqu mulufleeyo
Marsada iyo xeebaha haddii la isu mari waayo

Maskantii haweenkiyo haddaan marashi dheer qaato
Modal la isu soo baxay haddaan muusanow kiciyo
Waxaan maanka ku hayaa inuu maata doox dhiciye

Annagoo makiinada lalaayiyo moodhar ku ordeyna
Oo caradu naga muuqataan mowqifkii imane
Eebbow waxaan maaganahay yaa maslixi doona?

[sawir: Khaliif Sheekh Maxamuud]

Gabeygaasi qabaa’ilka qaarkood wuxuu ku noqday qaaxo feeraha gashay oo aan dagaal mooyee daawo kale lahayn, dawladdii Kacaankana wuxuu ku furay dicaayad iyo guubaabo aad u dhaawacday si looga hortagaana aanay isheed muuqan. 1980kii ilaa 1984kii waxaa maalin walba fooda is dara horimo ururka Es.Es.Dhii.Ef ka mid ah oo ay dagaal galinaayaan saraakiil ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka goosatay oo ay taageeraayaan ciidamada Itoobiya iyo ciidamadii Jamhuuriyadda Soomaalida, dagaallo ba’an baa ku dhex maray soohdinta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, dad badan baa dagaaladaa ku dhintay ama ku dhaawacmay, ninkii gabaygaan soo sheegnay mariyey dagaaladaasaa lagu diley, muddo sideed sannadood ah soohdinta galbeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka socday qalalaaso dagaal, hase ahaatee wax guul ah lagama gaarin.

Ururka Es.Es.Dhii.Ef 1984kii waxaa dhex galay ismaan dhaaf qabiil iyo khalkhal siyaasadeed oo Maxamad Siyaad hirgalinteeda ka dambeeyey, wuxuu u kala jabay laba qaybood: qayb siyaasaddii iyo dagaaladii ka baxday oo waddankii dib ugu noqotay dawladdii Kacaankana la heshiiyey markii cafis loo fidiyey, iyo qayb dalalka dibadda qaxooti ku noqotay. Gudoomiyihii ururkaas Gaashaanle Sare Cabdullaahi Yuusuf Axmad waxaa lagu xiray dalka Itoobiya, wuxuuna xabsigaa ku jirey lix sano hase ahaatee waxaa ka sii daayey Jabhaddii Ii.Bii.Aar.Dii.Ef markey awoodii dalka Mingisto kala wareegtay 1991kii.

Ururka Es.En.Em

Haddaan taariikhda gobolada waqooyi in yar ka xusno 18841di ayaa gumeysigii Ingiriisku ku dhawaaqay in dhulkaasi yahay maxmiyad boqortooyada Ingiriiska hoos timaada oo lagu magacaabo Somaliland Protectorate. Dhulkaasi wuxuu ka kooban yahay boqol iyo lixdan iyo sideed kun (168000) oo mayl oo afar gees ah, waxaa dega shan qabiil oo xagga abtiriska iyo haybta ku kala duwan, hase ahaatee Soomaali barax la’ ah oo mid walba deegaankiisa iyo xukun-hoosaadkiisa u gaar yahay, xilligii gobanimo-doonka iyo isku-darkii Jamhuuriyaddii Soomaalidaba qayb weyn baa dadkaasi ka qaatay.

1980kii waxaa soo ifbaxay kooxo mucaarid ah oo qabiilka Isaaqa ka tirsan oo dawladda ka soo horjeedey oo dalalka dibadaha hadalla dicaayad ah ka faafin jirey, gacan saarna la lahaa jabhaddii Badbaadinta Soomaalida (Somali Salvation), hase yeeshee kuma ay kicin wax dhibaato ah oo dawladda cabsi geliya, in kastoo ururkaasi horseeday qas iyo qalalaase iyo dhibaato baaxad weyn. 1982kii waxaa magaalada Landan ee carriga Ingiriiska si rasmi ah looga aasaasay jabhadda la magac baxday Es.En.Em – Ururka Qaranka Soomaaliyeed. Maalintii ururka Es.En.Em. la aasaasay hadal gaaban oo uu jeediyey Xasan Wadaadii wuxuu ku yiri: “Ujeedada xisbigaan loo aasaasay waxaa weeye; sidaan qabno dawladda maanta dalka ka dhisan ma aha mid ummadda Soomaaliyeed danteeda wada, waa in lala dagaalamo oo la rido, kadibna dalka laga dhiso dawlad dimoqraadi ah oo fulisa dadku wuxuu doonaayo oo aan qabiil ku dhisneyn.” Hase ahaatee hadalkaasi meel mar ma noqon.

Muddo gaaban ka dib waxaa saldhiggii guud loo soo wareejiyey dalka

Itoobiya si uu xiriir toos ah ula yeesho dadka raacsan iyo siyaasadda dalka gudihiisa ka socota.* Taliskii Mingisto Hayla Maryam madaxda ka ahaa si toos ah buu ururkaas iyo ururadii kaleba u taageeray, hub iyo dhaqaalana waa siiyey, siyaasad ahaana si toos ah ayuu isu garab taagey, wuxuu siiyey saldhig ciidan iyo marima ay ka duulaan, idaacad ay wararkooda iyo dicaayadda ka baahiyaanna waa u ogolaaday, boqolaal qabiilka Isaaqa ka mid ah oo siyaasaddii dawladdii Maxamad Siyaad ka cararayna waxaa la siiyey magan gelyo siyaasadeed, dawladda Soomaalidana weeraro badan bey ku qaadeen, iyagoo soohdinta ka tallaabay, hase ahaatee khasaare mooyee guul kama gaarin.

Arimaha ay diidanaayeen waxaa ka mid ahaa sida lagu sheegay waraaqa cabasha ah oo dawladdii Kacaanka loo qoray:

  • In shaqaalaha maamulka xafiisyada dawladda noqdaan dadka gobolka u dhashay oo kaliya.
  • Mar haddaanay gobolada waqooyi ka jirin beero waaweyn iyo warshado wax soo saar waa in ganacsiga gobolka laga dhigaa mid madax banaan.
  • In qaxootiga faraha badan ee dalka Itoobiya kasoo jabay culeyskiisa laga raro, waayo? Gobolka Hargeysa oo keliya waxaa ka oodnaa 12 kaam qaxooti oo midka u tira yar ay degeneyd 15000 oo qof.

*Jabhadda waxaa guddoomiye u ahaa Axmad Maxamad Siilaanyo oo dawladdii Siyaad Barre wasiirka Ganacsiga ka ahaan jirey.

Si kastaba arrintu ha ahaatee dawladdii waxay ogolaatay in ganacsiga gobolada waqooyi xor laga dhigo oo keliya, hase ahaatee taasi waxba ma xallin gobolada kale qaarkoodna waa ka hinaaseen. Gabay dood iyo dana sheegad ah oo uu mariyey aftahan la yiraahdo Cabdulle Raage oo u dhashay qabiilka Abgaal oo isaguna malaha doonaayey in ganacsiga Xamar xor laga dhigo gabay uu mariyey tuducyadiisa waxaa kamid ahaa:

Dooxada Hargeysiyo Burciyo degalka Laascaano
Daantaa galbeed iibku waa nin iyo dookhiise
Dulmi Xamar ku siman baa jiree duqa haloo sheego.

1983kii wixii ka dambeeyey qabiilka Isaaqu guud ahaan wuxuu bilaabay banaanbaxyo iyo dagaalo taliskii Kacaanka ka horjeeda, dad badan oo askar iyo rayidba lahaa waa laayey, hase ahaatee xilligaa wixii ka dambeeyey cadaadis xoog leh baa dawladdu saartey, iyadoo dhinaca kalena aad ugu dadaashay in ay ogaato rabshadda iyo qulqulada waxa u sabab ah oo dadka kiciyey, waxay u dirtey wafdiyo is daba joog ah, wasiiro, saraakiil iyo guddiyaal kala duwan, si xiisadda loo dejiyo is afgaranshana xididkiisa loo helo. Madaxweyne Maxamad Siyaad Barre qudhiisu afar sano gudahood laba jeer buu Hargeysa tegey oo salaadiinta, culimada diinta, caaqiliinta iyo guurtida waqooyiga wada haddalo la yeeshay, hase ahaatee in kastoo wada xaajood jilibka loo aasay geed dheer iyo geed gaaban loo koray dawladduna ku dadaashay in xiisadda nabad gelyo lagu dhameeyo, wax garoowsho ah lama helin guulna lagama gaarin 1984kii ilaa 1985kii qul quladihii iyo qalalaasihii waa sii kordheen rag doora oo siyaasadda ku lug lahaa iyo kooxa maal qabeen ah oo loo arkay in ay rabshadaha abaabulaayaan qaar waa la laayey, qaarna waa la xiray, qaarna dalka waa ka carareen oo dalalkaa dibadaha bey u baxsadeen. Sida runtaa tolweynaha Isaaqa oo qabaa’ilka waqooyiga dega ugu tira badan wuxuu ahaa qabiil awood ballaaran leh, xagga degaanka iyo xagga dhaqaalaha, dawladana gacan weyn ku leh oo aan cadaadis lagu maquunin karin, waayo abaarta la baxday Xaaraama Cune oo gobolada waqooyi ka dhacday 1911kii ilaa 1912kii wixii ka dambeeyey wax dhibaato ahi dhulkooda kama dhicin, muddo 80 sano ka badan waxay ku caana-maalaayeen nabad gelyo, degenaan iyo barwaaqo, sideedana waxay ahaayeen shacbi aan dabeecaddii gumaysigu aad u saamayn dhaqankiisuna bedelmin, sidaa awgeed xagga dhaqanka iyo xagga dhaqaalahaba aad bey uga tanaadeen, xagga tacliintana dhanka koonfurta aad bey uga horreeyeen, maamulka dawladana lafdhabar bey u ahaayeen.

1987kii madaxweynuhu isagoo kasoo noqday shirkii ururka Igad oo dawladaha Geeska Afrika degaa asaaseen oo lagu qabtay Jabuuti ambaqaadkii ugu horreeyey heshiis nabadeed oo dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya lagu soo qaaday, wuxuu booqasho kusoo maray Hargeysa. Hase ahaatee mudaaharaad baa lagu dhigay waana la dhagxiyey.

1988kii markii heshiiska nabadeed Maxamad Siyaad Barre iyo Mingisto Hayla Maryam kala saxiixdeen ayaa labada madaxweyne wada jir u gudoomiyeen in jabhadaha mucaaridka ahi hubka dhigaan, dalkey magan gelyo ku joogaan ka baxaan, taasi ururkii Es.En.Em waxay ku noqotay dhaawac weyn iyo dhabar jab, dabadeedna bishii Maajo isla sanadkaas waxay go’aan ku gaareen guul iyo guul darro mid kasta ha kala kulmaane in ay gobolada waqooyi xoog ku galaan, gaar ahaan labada magaalo oo kala ah Hargeysa iyo Burca. In kastoo ay dawladda la diriraayeen hadana dagaalkaas waxay ku magacaabeen ciribtirka Daaroodka. Dagaalkaasi wuxuu sababay in kumanyaal dad ahi ku dhintaan, kumanyaal kalena ku dhaawacmaan, boqolaal kunna Itoobiya u hayaamaan oo xerya qaxooti looga oodo, dadka gobolada dhexe ee waqooyi degenaana badankoodii waa salkaceen.

Magaalo madaxdii labaad ee Hargeysana waa bur burtay oo dhulkaa lala simay Burcana nabarro dooraa gaarey.

Mar Maxamad Siyaad la waydiiyey oo lagu yiri, “Maxaad magaalada sidaa ugu lumiseen?” wuxuu yiri, “Kun nin oo hubeysan baa dawlad sharci ku dhisan soo weeraray, wadda kale nooma furnayn in aan is difaacno maahee, xabbaddana qolo waliba waa ridaysay yaa huba in aanu annaga burburiney?”

Haddaan hadalka soo koobno muddo 7 sano ah ayaa qabiilka Isaaqa oo u mideysnaa ururka Es.En.Em dagaal kula jirey dawladdii Kacaanka, hase ahaatee wax guul ah oo la xusi karo kama gaarin, sida la qiyaasay dadkii magaaladaa ku dhintay ama ku dhaawacmay shan boqol oo kun (500000) waa ka badan yahay, maalka ku lumay oo mood iyo noolba leh tiradiisa lama sheegi karo. Bishii Janaayo 1991kii markii taliskii Siyaad Barre burburay ayaa ururka Es.En.Em hawl yar taladii gobolada waqooyi ee Isaaqu dego u qabsaday gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa, Burca iyo Berbera.

17kii bishii Maajo isla sanadkaas waxaa ururka Es.En.Em ku dhawaaqay in gobolada dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya inteeda kale ka go’een oo ay yihiin jamhuuriyad iskeeda u madax bannaan oo la baxday Soomaalilaan, madaxna ka yahay Cabdiraxmaan Axmad Cali Tuur oo dawladdii Siyaad Barre danjire ka ahaa, hase ahaatee cid aqoonsatay ma jirin, qabaa’ilka kale ee gobolada waqooyi dagaa Isaaqa talada goosashada kuma raacsaneyn oo waa kasoo horjeedeen goosashada, hase ahaatee waxaa jirey shakhsiyaad iyagu taa u xaglinaayey.

Goosashadaas dad badan baa ka xumaaday oo u arkay gef weyn oo midnimadii ummadda Soomaaliyeed loo geystey, hase ahaatee dad badan baa markii dambe u yaabay markey arkeen dagaalada burburka foosha xun iyo jahawarcerka Muqdisho ka dhacay, oo waxay is yiraahdeen malaha Soomaalida waqooyi goosashada waa ku hagaagsaneyd, hase yeeshee iyaguna fikradaas waa bedeleen markay meel mar noqon weydey qabiilka Isaaqa dhexdiisana dagaallo ka qarxeen. Madaxweynaba Cabdiraxmaan Axmad Calina waxaa lagu eedeeyey diktaatooriyadii Siyaad Barre iyo hab maamulkiisii oo kale, waxaase arrinta aad looga argagaxay markii bishii Jannaayo 1992kii qabiilka Isaaqa dhexdooda dagaallo afar casho socday ku dhex mareen magaalada Burco oo 200 oo qof ku dhimatay 400 in ka badanina ku dhaawacantay, taladiina waxay faraha ka baxday markay magaalada Berbera noqotay goob dagaal oo lagu hardamo dad badanna ku dhintay dawladii la dhisayna badankeedii is-casishay.

Haddaba in kastoo culimadii iyo guurtidii la xulay heshiis iyo nabadgelya si uun uga shaqeeyeen, hadana xaajada waxaa lagu tilmaami karaa dhuxul galool dambas huwan. Waxaase la yaab noqotay Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal oo kamid ahaa raggii halgankii gobanima-doonka qayb weyn kasoo qaatay, ahaana ra’iisul wasaarihii gumeysigii Ingiriiska talada kala wareegey, isku darkii talada koonfur iyo waqooyi 1960kii hormuudka ka ahaa, in uu maanta kala-qaybinta Jamhuuriyaddii Soomaaliya horseed ka noqday. Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo dhan waxaa ballarkeeda lagu sheegaa 638000 kiilomitir oo isku wareeg ah. Hadaba ninkii taariikhdaa lahaa sow hawa dhac kuma aha in uu yiraahdo 168000 kiilomitir baan madaxweyne ka noqonaayaa?

Ururka Es.Bii.Em

Inteynaan hoos ugu daadegin arimaha ururka Es.Bii.Em aan taariikhda gobolka Jubbalaan in yar ka xusno. Wuxuu soo maray marxalado kala duwan, wuxuu la baxay dhulkaasi inta in hubo afar magac oo midba muddo gobolka loo yiqiin sida laga fahmaayo suugaanta Soomaalida iyo sheekooyinka la kala dhaxlo iyo waraaqo ay qoreen Carabtii reer Cumaan oo xeebaha Afrikada bari muddo ka talin jirey iyo Carabtii kale ee ganacsiga la lahaa geyigaas waxay caddaynaayaan sidatan: Laga soo bilaabo qarnigii 16aad dabayaaqadiisii ilaa sannadkii 1875kii waa muddo ku dhow laba boqol oo sano, waxaa gobolkaas ka talinaayey qabaa’ilka Soomaalida, waxaa lagu magacaabi jirey Waamo, waxaana lagaga dhaqmi jirey xeer loo yaqaan xeerkii Waamo, welina raadkiisii gobolka ka muuqdo.

1875kii waxaa magaalada Kismaayo qabsaday suldaankii Sinjibaar Suldaan Barqash bin Saciid, hase ahaatee taliskiisu wuxuu ku ekaa xeebaha oo keliya in kastoo uu dhulka baadiyaha wakiila Soomaali ah oo qabaa’ilka maamula boqorkana gacan saar la lahaa joogeen. 1888kii waxaa Kismaayo degey shirkad Ingiriis ah oo ka ganacsan jirtey Afrikada bari oo lagu magacaabi jirey Bii.Ii.Ee.Sii taasoo dawladda Ingiriiska ku baraarujisey ahmiyadda weyn ee gobolkaasu leeyahay, sidaa awgeed 1895kii ayaa Ingiriisku maamulkii magaalada Kismaayo kala wareegay suldaankii Sinjibaar, dabadeedna si rasmi ah gobolka oo dhan u qabsaday tan iyo xeebta magaalada Baraawe, wuxuuna ku magacaabay Jubbalaan, sannadkaa Ingiriisku gobolka qabsaday wuxuu ugu yimi miyi iyo magaalaba oo geyigaa degenaa qabaa’ilka kala ah Harti, Ogaadeen, Mareexaan, Tunni, Warday, Jareer, Dagoodiye iyo Shiikhaal.

Qabiil walba oo qabaa’ilkaa kamid ahi wuxuu lahaa degaan, dhul u gooni ah iyo soohdin loo yaqaan, hase yeeshee waxaa qabaa’ilkaa ka dhexeeyey xeerka Waamo. 1925kii ayaa Ingiriisku gobolka abaalgud u siiyey Talyaaniga. Muddadaas tan iyo dagaalkii labaad gumeysigii Talyaaniga ayaa ka talinaayey gobolkana wuxuu ku magacaabay rijone basa juba markii laga reebo deegaanka Baraawe oo la raaciyey gobolkii Banaadir.

1941kii dagaalkii labaad waxaa Talyaaniga ka qabsaday Ingiriiska, 1950kii markii Qaramada Midoobay Taiyaaniga u xil saareen xorriyad gaarsiinta Soomaaliya waxaa la wareegey Talyaaniga AFIS. 1960kii markay Soomaalidu qaranimada qaadatay sidaasaa Talyaanigii xukunkii Soomaalida ugu wareejiyey. Inkastoo is-maandhaaf iyo is-afgaranwaa iyo xoolaha oo qabaa’ilku kala dhacaan ay Soomaalidu dhaqan iyo dabeecad u leedahay muddadaa 400 oo sano ku dhaw taariikhda laguma sheegjn wax khilaaf deegaan ku saabsan oo gobolka Jubbada Hoose ka dhacay maanta ka hor.

Hadaba su’aasha la is-weydiinaayaa waxay tahay, maxaa khilaafka iyo colaadda iyo dagaalada gobolkaa ka dhacay keenay? Jawaabtu waxay tahay: waxaa keenay dawlad la’aanta iyo fikradaha xukun doonkaa oo qabiil iyo qori iyo qaad adeegsadey.

1989kii waxaa gobolka Jubbada Hoose laga aasaasay ururka la magac baxay Es.Bii.Em (Somali Patriotic Movement) ururka Dhaqdhaqaaqa Wadaniyadda Soomaaliyeed, ururkaas waxaa aasaasay kooxa ku abtirsada qabaa’ilka Daaroodka ee gobolkaas dega oo kasoo horjeeday taliskii dalka ka jirey.

Ururkaasi wuxuu dhaqdhaqaaqiisa ka bilaabay dhulka xuduudda ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Keenya iyo Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuu dagaal ku dhifoo ka dhaqaaq ah ku qaaday dhawr goobood oo ciidamadu ka fadhiyeen soohdinta iyagoo maalinba maalinta ka dambeysa kusii durkaaya waddanka gudihiisa, kaalmo dhaqaale oo maldahan iyo taageerana ka helaayey saaxiibadooda gudaha ku jira. Dawlada Kacaanka ahayd waxay dagaal gelisey guuto kamid ahayd ciidamadii Qaybta 60aad oo gobolka Bakool fadhiyey iyo Gaaska 343aad ee Kismaayo deganaa si ay jabhaddaa raadkeeda u tirtiraan, hase ahaatee ciidamadu guul kama gaarin, waayo? Ururka waxaa madax ka ahaa Gaashaanle Sare Bashiir Cali Salaad Bililiqo, wuxuu saldhig ka dhigtay tuulada Dhoobley oo soohdinta Keenya ku dhow, waayo? Waxaa geyigaa dega qabiilka uu ka dhashay kuwaasoo gargaar iyo gabaadba uu ka helaayey, hase yeeshee laba jeer baa Dhoobley lagu weeraray oo loo eryey soohdinta Keenya.

1990kii waxaa ururkaa Es.Bii.Em kusoo biirey koox uu watay Gaashaanle Sare Axmad Cumar Jees oo ka fallaagoobey ciidamada Qaybta 26aad ee Hargeysa fadhidey, wuxuu kasoo gudbey gobolka Ogaadeenya wuxuuna saldhig uu ka duulo Mingisto ka siiyey soohdinta gudaha Itoobiya. Ciidamada jawladda ee gobolka Bakool fadhiyey iyagoo si maldahan soohdinta uga gudbey dhawr jeer bey dharbaaxa kulul ku dhifteen oo gudaha dhulka Soomaali Galbeed sii eryeen.

Sanadkii 1990kii bartamihiisii markay heshiis saddex geesood ahaa Es.Bii.Em – Caydiid, Cabdiraxmaan Tuur iyo Axmad Cumar Jees – la galeen Mingisto Hayla Maryam, garabku Es.Bii.Em ee dhanka koonfureed heshiiskaa waa ka carooday iyagoo ku eedeeyey in Axmad Cumar Jees khayaama galay oo si toos ah ula bahoobey ururka Yuu.Es.Sii, dagaalkiina waa hakiyeen, hase yeeshee markii ciidamadii Jees gaareen agagaarka Afgooye sidaan ku sheegnay fasalka “Dagaal qabiil iyo dawladnimo kala fogaa,” ururka Yuu.Es.Sii dagaal buu ka horkeenay bishii Febraayo 1991kii dharbaaxa kululna waa lagu dhiftay rag badanna waa laga laayey, ciidamadii uu watay oo ka koobnaa qabaa’il kala duwan waa kala yaaceen, isaga iyo koox yar oo Ogaadeen ahaa waxay u carareen Kismaayo, gobolka Jubbada Hoose.

Haddaba taariikhdaa mudadii ka dambeysay ururka Es.Bii.Em waxaa ku dhacay kalsooni darro iyo kala qaybsanaan, waayo? Axmad Cumar Jees oo ahaa macangag xukun jaceyl madaxa ka galay ayaa ka dhex abuuray khilaaf, diideyna in hogaaminta ururka Es.Bii.Em lala wadaago, maxaa yeelay? Wuxuu heshiis qarsoon la lahaa Janaraal Caydiid, taasna waxaa ka dhashay khalkhal iyo is-afgaranwaa dhex maray qabaa’ilka dega gobolka Jubbada Hoose, dabadeedna wuxuu duufsaday qayb kamid ah qabiilka Ogaadeenka, wuxuu la saftay dhinaca Yuu.Es.Sii Es.En.Ee oo malaha beentaa uu is yiri madaxnimaad ku heleysaa ama meel baad ku gaaraysaa; ina Jees wuxuu sababay khilaafaad iyo iska hor imaad dagaalla xun oo dhex maray Daaroodka Jubbalaan, wuxuu dhexdooda ka abuuray hurguma murugo iyo uur ku taala reebtay.

Kismaayo waa magaalo istiraatiiji ah oo ku taal gobol xoolaha iyo beeraha hodon ku ah, deked wanaagsan leh, dadkii degi jirey sidaan kor kusoo xusnay iyo dad duulaan ahaa oo gobolada dhexe ka yimi oo doonaayey in ay xoog ku qabsadaan ayaa wax badan ku dagaalamay. Bishii Diseembar 1992kii maalmihii ciidamada Maraykanku magaala madaxda Jubbada Hoose Kismaayo ku sii jeedeen waxaa gudoomiyaha Es.En.Ee Janaraal Maxamad Faarax Caydiid iyo ku-xigeenkiisa Axmad Cumar Jees go’aan ku gaareen in magaalada dhamaan laga xasuuqo gargeyrta, waxgaradka iyo mutacalimiinta ee Hartiga oo Kismaayo ku nool si loo waayo qof cod kar ah oo ciidamada Mareykanka hadal u sheega, waxaa xabbad la mariyey 200 iyo dheeraad, waxaa loo yaqaan Xasuuqii Kismaayo. Taasi waxay kamid tahay dhacdooyinka murugada iyo naxdinta leh oo llmaha maantay uurka hooyadii ku jiraa ilmuhuu dhalaa aanu halmaamayn oo raad xun ku reebeysa.

Ugu dambeystii jabhadda Es.Bii.Em waxaa gudoomiye ka ahaa Janaraal Aadan Cabdullaahi Nuur Gabyow, ammaanduule ciidanna Janaraal Maxamad Siciid Xirsi Moorgan. Gobolka Jubbada Hoose wuxuu kamid ahaa gobolada ay ka dhacday dirirtii Haarwayn, hase yeeshee ugu dambeyntii 22kii bishii Febraayo 1993kii magaalada Kismaayo waxaa hantiyey ciidamadii Janaraal Moorgan. Gobolka Jubbada Hoose xaaladiisu waa murugsan tahay mustaqbalkiisu wuxuu ku dambeyn doono lama saadaalin karo.

Ururka Yuu.Es.Sii

Horraantii bishii Janaayo 1989kii waxaa magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga lagu qabtay shir lagu aasaasay ururka la magac baxay Yuu.Es.Sii – ururka Mideynta Ummadda Soomaaliyeed, ururkaas oo matalaayey tolweynaha qabaa’ilka Hawiyaha iyo Xawaadlaha, waxaa guddoomiye loo doortey Cali Maxamad Cosoble.

Sida runtaa muddo 15 sano ah oo lasoo dhaafay shakhsiyaad gaar ah mooyee qabaa’ilka Hawiyuhu mucaarid bareer ah oo dawladda si toos ah uga horyimaada ma lahayn, hase ahaatee waxaa jirey tuhun qarsoon iyo guux aan ujeedadiisa la fahmin, Maxamad Siyaadna qabaa’ilka Daaroodka iyo Isaaqa buu ka baqaayey oo iska ilaalinaayey ee xagga Hawiyaha cabsi kama qabin.

Muddo gaaban kadib ururkaa Yuu.Es.Sii waxaa loo soo wareejiyey dalka Itoobiya si uu taageero uga helo dawladda Itoobiya dalka gudihiisana xiriir ula yeesho, waayo? Sidaanu meela kala duwan ku sheegnay 1977kii ilaa 1978kii dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya wixii ka dambeeyey Mingisto Hayle Maryam wuxuu ku dadaalaayey siduu Maxamad Siyaad Barre xukunka uga tuuri lahaa wadda kasta haloo maree, ama awooda dawladda uu madaxda ka yahay loo burburin lahaa. Sidaa awgeed wuxuu aad u taageeray ururadii qabiil ee mucaaridka ahaa ee dawladda Soomaaliya ka hor jeeday, wuxuu saldhigyo ay ka duulaan ka siiyey gudaha dalka Itoobiya, wuxuu u ogolaaday wax kasta oo ay u baahdaan, hub, gaadiid iyo saad ay dagaalka ku galaan, wuxuu kaloo u ogolaaday in ay waxay dibadda ka keensadaan kasoo dejistaan dekedaha iyo garoomada diyaaradaha dalka Itoobiya.

Ururka Yuu.Es.Sii Mingisto wuxuu u muujiyey kalsooni buuxda hadaladii uu ku qancayna waxaa kamid ahaa, “Is-afgaranwaaga qotada dheer oo had iyo jeer dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa wada oo asal u ah qabaa’ilka Daaroodka oo ku dooda in dawladda Itoobiya dal iyo dad ka haysato, haddii qabaa’ilka Hawiyuhu xukunka Soomaaliya gacanta ku qabtaan sheegashadaasi meesha waa ka baxaysaa waa danbena lama maqli doono.” Mingisto figradda waa la dhacay. Sidaa awgeed wuxuu siiyey ururka Yuu.Es.Sii kaalmo dheeraad ah oo ka badan tii uu siin jirey ururada kale ee mucaaridka dowladda Soomaalida ku ahaa. Ugu horeyntii qabiilka Sacad wuxuu bilaabay in uu kiciyo jilibada qabiilka Habargidir oo dega koonfurta gobolka Mudug, bariga iyo koonfurta gobolka Galguduud iyo qabiilka Xawaadle oo dega gobolka Hiiraan, dabadeedna qabaa’ilkii reer baadiyaha ahaa ee geyigaa deganaa ayaa madaxa isla galay oo colaad iyo dagaala xumi dhex mareen. Maxamad Siyaad oo dadka aad u kala yiqiin wuxuu qaybta 21aad ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gobolada dhexe fadhiyey taliye qaybeed ugu magacaabay Sarreeye Guuto Cabdi Cusmaan “Cabdi Caluuq” oo ahaa qabiilka Dirta markii dambena Dhuusamareeb lagu dilay isagoo Xamar kusoo jeeda, sida la sheegay wuxuu ahaa nin daacad u ah difaaca dawladda, hase ahaatee hadii la eego falalkii uu sameeyey arrintu sidaa waa ka duwan tahay.

Janaraal Cabdi Cusmaan markuu arkay rabshadda, xumaanta iyo fidmada ka dhex oogan qabaa’ilka gobolada dega wuxuu qaybta 21aad) ka dhex xulay 120 askari oo sida la sheegay qolo walba leh hase ahaatee wuxuu taliye uga dhigay saddex xiddigle Mareexaan ahaa, wuxuu u qorsheeyey gaadiid iyo hub fiican, wuxuu ku magacaabay Horinta Daroogo. Wuxuu ku amray in ay gobolada dhexe wareegaaleystaan oo wixii ay arkaan oo dawladda kasoo horjeeda cagta mariyaan raadkoodana tirtiraan, kadibna dad badan oo Hawiye iyo Xawaadle leh oo ururka Yuu.Es.Sii ka tirsanaa bey laayeen. Tuulooyin dhawr ah oo qabiilka Habargidir degenaayeenna waa gubeen.

Arrintaa waxaa ka xumaaday askartii qabaa’ilka Hawiyaha oo xeryaha ciidamada Qaybta 21aad joogtey, waxaa gadooday horin isa soocatay oo ka tirsanayd gaaska Gaalkacyo fadhiyey, horin kalena waxay ka goosatay Qaybta 26aad ee ciidamada Hargeysa fadhiyey ka tirsanaa, labadaa horimood oo ciidanka Xoogga Dalka ka tegey waxay ku biireen ciidama qabiilka Habargidir oo isku urursaday tuulada Mustaxiil. Maxamad Faarax Caydiid oo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya danjire uga ahaa dalka Hindiya ayaa shaqadii ka baxsaday oo wuxuu tegey dalka Itoobiya, wuxuuna heshiis la galay Mingisto Hayle Maryam, ballan adagna waa la dhigtay, markii Cali Wardhiigley geeriyoodeyna wuxuu isku magacaabay in uu yahay guddoomiyaha ururka Yuu.Es.Sii. 12/6/1990kii wuxuu saldhig ka dhigtay tuula gudaha Itoobiya ah oo xuduud beenaadka Soomaaliya ku dhow oo la yiraahdo Mustaxiil oo waqooyi ka xigta magaalada Baladweyne.

Sanooyinkii 1980kii ilaa 1990kii madaxweynihii Itoobiya Mingisto Hayle Maryam iyo madaxdii ururadii Soomaalida ee mucaaridka ahaa waxaa dhexmaray heshiisyo kala gooni ah iyo kuwo ay u wada jireen. Hase yeeshee waxaa wax-kasoo-qaad leh kuwii ugu dambeeyey oo dhex maray dawladda Itoobiya oo ujeedadoodu ahayd saddex qodob oo kala ahaa:

  • In la burburiyo ama la wiiqo awoodda dawladda Soomaaliyeed si taliska Siyaad Barre uga waantoobo taageerada uu siiyo jabhadaha kasoo horjeeda taliska Mingisto.
  • In dawladda Itoobiya marimo badeed ka hesho dekedaha Soomaaliya, haddii dekedda Casab ee Eriteriya gacanta Itoobiya ka baxdo.
  • In Soomaaliya ka harto sheegadasha Soomaali Galbeed ee gobolka bariga Itoobiya iyo madaxda saddex urur oo taliska Siyaad Barre ka soo horjeedey.

Ragga heshiiskaa Itoobiya la galay waxay kala haayeen Maxamad Faarax Caydiid oo isku magacaabay guddoomiyaha ururka Yuu.Es.Sii, Axmed Cumar Jees oo isku magacaabay guddoomiyaha ururka Es.Bii.Em iyo Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur oo ahaa guddoomiyaha ururka Es.En.Em oo ujeeddadu ahayd in ay taliska Siyaad Barre xukunka dalka kala wareegaan.

Haddaba inkastoo aanan arag wax qoraal ah oo ku saabsan qodobadii lagu heshiiyey, warar lagu kalsoon yahay waxay sheegeen in la guddoomiyey sidatan:

Midda koowaad: is aamin, wada shaqeyn iyo iskaashi ka dhexeeya dawladda Itoobiya iyo saddexda urur ee aanu soo sheegnay.

Midda labaad: qorshe guud oo mideysan iyo hawlgal dagaal oo qaybsan. Sida la weriyey iyada oo heshiiskaa laga ambaqaadayo waxaa shir gogoldhig ah lagu qabtay tuulada la yiraahdo Gubadley oo magaalada Hargeysa koonfur-galbeed kaga toosan oo soohdinta dhanka Itoobiya kaga taal, kadibna 1990kii bartamihiisii waxaa shir saddex geesood ah lagu qabtay tuulada Mustaxiil oo degmada Qallaafo kamid ah, halkaa waxaa lagu gaarey axdiga lagu magacaabay Axdigii Mustaxiil oo had iyo jeer saddexda nin ku halqabsan jireen. Sida la sheegay hawlgalka ay qorsheeyeen wuxuu ahaa sidatan:

  • In Caydiid ka dagaal galo gobolada dhexe, Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ku wajahan gobolka Banaadir, si uu magaalo-madaxda Muqdisho u qabsado.
  • In Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur ka dagaal galo gobolada waqooyi si uu u qabsado labada magaalo ee dekedaha leh ee Berbera iyo Boosaaso.
  • In Axmed Cumar Jees ka dagaal galo gobolada koonfur galbeed si uu u qabsado Bay, Bakool, Gedo iyo magaalada dekedda leh ee Kismaayo.
  • In taliska Itoobiya taageerada iyo taakuleynta gacan weyn ka geysto.
  • Markii Maxamad Siyaad xukunka laga tuuro waa sidey u yiraahdeene waa in la dhiso dawladda qaab dhismeedkeedu sidatan yahay: Maxamed Faarax Caydiid – madaxweynaha dawladda, Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur – ra’iisul wasaaraha dawladda, Axmed Cumar Jees – wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha guud ee ciidamada.

Bilahaa baaqa saddexdaa nin ee malleeshiyada madaxda ka ahaa faafinaayeen wuxuu ahaa markaan Maxamad Siyaad iyo taliskiisa ridno:

  • cirka malab baan kasoo daadinaynaa
  • dhulka cosob baan kasoo saareynaa
  • baddana macaan baan ka dhigeynaa.

Hase ahaatee:

  • cirkii rasaas bay kasoo daadiyeen
  • dhulkiina meyd bay wareen
  • baddiina shisheeyey u baylihiyeen.

Sida runtaa ururka Yuu.Es.Sii dagaalkiisu wuxuu yimid xilli labadii urur ee ka horreeyey ay awood beeleen, waayo? Ururka Es.Es.Dhii.Ef 1986kii wuxuu u kala jabay laba qaybood, qayb siyaasaddii iyo dagaalkii ka baxday oo wadanka dib ugu noqotay iyo qayb dibadaha qaxooti ku noqotay markii guddoomiyihii ururka Gaashaanle Sare Cabdullaahi Yuusuf Mingisto Hayla Maryam dalka Itoobiya ku xiray arrima siyaasadeed dartood, wuxuuna xabsiga ku jirey lix sano.

Ururka Es.En.Em waxaa dagaalkiisii araxda ka jabiyey dawladda Itoobiya oo dalkeeda ka mamnuucday markii Mingisto Hayla Maryam iyo Maxamad Siyaad Barre 1988kii heshiiska nabadeed kala saxiixdeen. Caydiid wuxuu abaabulay ciidan isagu ammaanduule ka yahay oo la dagaalama dawladda Kacaanka, sida runtaa ururka Yuu.Es.Sii ma lahayn ujeedo siyaasadeed iyo xeer u dhigan iyo talis mideysan, sidaa awgeed saddex nin ayaa mid walba wuxuu ku doodaayey in uu yahay gudoomiyaha ururka Yuu.Es.Sii. Hase ahaatee waxaa heshiis lagu ahaa in dawladda Kacaanka dagaal lagu qaado si Maxamad Siyaad xukunka looga rido. Isla markaa mid walba wuxuu ku fekeraayey in uu isagu madax ka noqdo dalka. Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud iyo agagaarkeeda iyo magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan dagaallo lagu hoobtey ayaa ka dhacay, hase yeeshee ururku kuma guuleysan markii dambena waa ka hawa dhigeen.

Qabaa’ilka Habargidir iyo Xawaadle oo horeyba dawladda Maxamad Siyaad iyo Daaroodka gaar ahaan qabiilka Mareexaanka aad ugu careysnaa waxay bilaabeen abaabul hor leh iyo qorsha cusub, sidii hub lagu dagaal galo lagu heli lahaa, taana dhibaato kalama kulmin, waayo? Waxaa jirey lacag xad-dhaaf ah oo ay la wareegaayeen iyo rag baahan oo hubkii qaranka gacanta ku haya, gaar ahaan qoryaha boobayaasha iyo hubka fudud, qabiilka Habargidir maalqabeenkoodii gaar ahaan qabiilka Sacad waxay ku ballan qaadeen lacagta hubka iyo rasaasta lagu iibinaayo in ay bixiyaan, waxaa la yaab leh ragga hubka laga iibinaayo waayo? Waa saraakiishii Mareexaan ee hubka iyo saadka kaydkaa hayey. Ragga ka iibinaaya waayo? Waa saraakiishii Habargidir oo shaqada ciidamada hayey iyo kuway horey shaqada u wada hayn jireen oo saaxiibka la ahaa. Waxaa kaloo jirey saraakiil Isaaq iyo Hawiye ah oo si maldahan qabaa’ilka hubka ugu gudbin jirey iyagoo leh waxaa loo wadaa ciidamada qaybaha gobolada jira.

Saraakiishii qabaa’ilka Hawiye iyo Xawaadle waxay ku taliyeen, mar hadii dagaaladii gobolada dhexe guuldarro lagala kulmay, mar haddii Muqdisho naga fog tahay oo aan gobolada dhexe lagaga duuli karin, mar haddii qabaa’ilka Hawiye iyo Xawaadle isku duuban yihiin qabiilka Abgaal mooyee, waa in qorshaha dagaalka la bedelaa:

  • waa in halganka iyo ciidamada Muqdisho loo jiheeyaa oo magaala madaxda toos loo abaaraa.
  • waa in magaalo madaxda Muqdisho loo diraa kooxo burcad ah oo ay wataan saraakiil ciidamada Xooga Dalka ka tirsanaan jirey oo aad u taba baran si ay magaalada Muqdisho khalkhal iyo jahwareer u galiyaan.
  • waa in sidii qabiilka Abgaal loo kicin lahaa oo dagaalka looga qayb gelin lahaa go’aan laga gaaraa.

Iyadoo arrimahaas iyo tallooyinkaas laga duulaayo waxaa la bilaabay abaabul hor leh, waxay Soomaali oo dhan u kala saareen laba qawmiyadood oo kala ah Irir iyo Daarood si ay cududda bulshada u qaybiyaan, waxaa la faafiyey dadkana laga dhaadhiciyey, jaraa’idka shisheeyaha lagu qoray idaacadda Itoobiya laga baahiyey:

  • in Irirku yahay qawmiyadda Soomaalida ugu tirada badan oo aan xukunka dawladda waxba ku lahayn.
  • in Daaroodku yahay qawmiyad tira yar oo xukunka dalka dulmi iyo awood been ah ku haysata.
  • in Maxamad Siyaad iyo qabiilka uu ka dhashay ee Mareexaan ay ummadda xooleheedii dhaceen xukunkana boobeen.

Hadaba qabaa’ilka Daaroodka qudhoodu xilligaa khilaaf baa ku dhex jirey oo laba qabiil oo heshiis ahi ma jirin, maxaa yeelay? Maxamad Siyaad baa meel walba miina ku aasay si aan kursigiisa loo damcin, waxaa si hab qabiil ah laysku xiray siyaasiyiintii dawladdii hore iyo siyaasiyiinta dawladda Maxamad Siyaad ku jirtey iyo kuwuu shaqada ka eryey, maal qabeenkii iyo madaxdii jagooyinka sare maamulka dawladda ka hayey, saraakiishii ciidamada hawlgabka ka noqday iyo kuwii taliska ciidamada joogey, qabiilka iyo qofba madaxdii Hawiyuhu waxay dadka ka dhaadhiciyeen nacaybka dawladda iyo Daaroodka.

Markii xigayna waxaa la bilaabay guubaabo lagu kicinaayo reer baadiyaha xoola dhaqatada ahaa, iyadoo lagu beer laxawsanaayo hab qabiil, waayo? Sida la ogyahay reer baadiyuhu xagga qabiilka aad buu ugu dhaga nugul yahay marka loo eego bulshada inteeda kale. Dhawr goobood oo koonfurta gobolka Galguduud iyo gobolka Hiiraan kamid ah waxaa lagu ururiyey dhallinyaro xoolo dhaqato reer baadiye ah, waxaa laga dhaadhiciyey in ay dawladda Siyaad Barre xaqoodii boobtay, waa sida hadalka loo yiriye, dagaal baynu ku qaadaynaa. Hase ahaatee mar haddey xoolahooda ka tagaan, raashin iyo saad looma hayee, maxaa nolol u ah? Sidee lagu dagaal gelinaayaa? Waa in maskaxdooda la khaldaa oo la bedelaa, waxaa loo akhriyey khudbado dhalanteed ah si maskaxdooda iyo maankooda loo adeegsado dagaalkana loogu dhiiri galiyo, waxaa laga dhaadhiciyey in qabaa’ilka Daarood gaar ahaan Mareexaan dalkii iyo dawladdii dhacay sidaa daraadeed waxaa loo baahan yahay sidaan geeleena haddii la dhaco u soo dhacsan jirney aynu dawladda la dhacay u soo dhacsano, ma ogtihiin Muqdisho waxaa yaalla xoolihii ummadda Soomaaliyeed, dahab, lacag, baabuur, dhar, raashin, oo nooc walba leh iyo wax kasta oo aad doontaan maantaad heleysaan, waa haddaad calaf ku leedihiin, waayo? Xoolaha xaq baad u leedihiin inaad ku dagaalantaan, guryaha quruxda badan, baabuurta cad cad, dukaamada afkaa haya, dekedda iyo garoonka buuxdhaafay Daarood baa haysta, waxaad aragtaan dila, waxaad heshaan dhaca oo gacmihiin buuxsada, ninkii calaf u galay oo nasiib leh maantay waa hodmaayaa, sidaa ayaa mooryaantii Soomaaliya rogtey lagu abaabulay, hase yeeshee lagama fekerin sidii markii dambe dhacday laba arimood oo kaia ahaa:

  • haddii ciidamadaa dhallinyarada reer baadiyaha u badan habkaa lagu dagaal geliyo sidee marka dambe maskaxdooda loo soo celin doonaa?
  • haddii waxaad aragtaan dila oo dhaca oo booba lagu dagaal geliyo ama lagu abaabulo, ma laga yaabaa in dhibaatadu qabaa’ilka Hawiyaha dib ugu soo noqoto?

Bishu Sebteembar bartamaheedii 1990kii ayey dagaal ku qaadeen tuulooyin iyo dhawr goobood oo ilaalada Booliisku fadhidey ee koonfurta gobolka Galgaduud iyo gobolka Hiiraan, hubkii iyo qalabkii isgaarsiinta ayey ka qaateen, waxayna mar kale weerareen magaalo-madaxda gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb, weerarka kuma guuleysan.

Qabiilka Habargidir waxay saldhig labaad ka samaysteen tuula la yiraahdo Bulacle oo magaalada Dhuusamareeb iyo Ceelbuur u dhaxaysa, waxay heshiis is-bahaysi la galeen qabiilka Murursade oo magaalada Ceelbuur iyo hareeraheeda dega oo sida runtaa dagaaladii qayb libaax ka qaatay hanti badanna ku bixiyey, kadibna qabaa’ilkii Yuu.Es.Sii ku mideysnaa waxaa u fududaaday isku xirka iyo isgaarsiinta abaabulka, halkaasna waxaa laga dhigay taliska ururka Yuu.Es.Sii.

Bishii Oktoobar 1990kii magaalada Muqdisho gudaheeda waxaa ka kacay kooxo fidma wadayaal ah oo lagu magacaabay burcad hubeysan oo aan ujeedada ka dambeysaa la fahmin, habeenkii ka bilaabay dhac iyo boob iyo argagixiso si ay magaalada deganaasho la’aan uga abuuraan taasina shacbi waynihii waxay gelisay khalkhal iyo jahawareer, waxaa la faafiyey dicaayad been abuur ah oo la leeyahay qaska iyo rabshadahaa dawladdaa ka dambeysa, hase ahaatee sidaan soo xusnay waxay ahaayeen qowleysato gobolada dhexe laga soo direy oo ujeedadoodu ahayd in ay magaalada khalkhal geliyaan si nabadgelyo iyo degenaansho loo waayo, dad badan bey sidaas ku galaafteen hantidoodiina ku dhaceen.

Si kastaba xeeshu ha ahaatee bishii Oktoobar dabayaaqadeedii oo aan cabsi awgeed sanadkaa Muqdisho looga dabaal degin sannad guuradii 21aad ee Kacaanka, ayaa ciidamadii reer baadiyaha u badnaa oo lagu ururshay goobo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo koonfurta gobolka Galgaduud loo soo dhaqaajiyey iyagoo niyadda ku haya Muqdisho Banaadir, waxaa la faray in ay wixii dawladdu ku lug leedahay iyo wixii aan ururka Yuu.Es.Sii ku abtirsan oo ay la kulmaan cagta mariyaan. Waxay baabi’iyeen xeryihii dadkii qaxootigii Itoobiya kasoo qaxay ee agagaarka degmada Beledweyne ka oodnaa, dadkii qaxootiga ahaa ee xeryaha ku jirey oo u badnaa Daaroodka Soomaali Galbeed dega waxna waa xasuuqeen wixii kalena waa kala carareen, waxay kaloo weerareen saddex xera qaxooti oo degmada Jalalaqsi deganaa dadkii ku jirey oo Ogaadeen u badnaa intoodii badneyd wabiga Shabeele ayey ku gureen iyagoo taa uga gol lahaa xasuuqa cirib tirka Daaroodka iyo ka-safeynta deegaankaas oo dhan.

Ciidamadii dawladda oo inay falalkaa ka hortagaan loo direy iyagoo wax kasta oo ka horyimaada aan u aaba yeelin oo sidii la lahaa dad badan oo qabaa’ilka Hawiyaha ka mid ahaa laayey, kuma guuleysan in ay fidmadaa damiyaan, muddo ayaa arrintu soo jiitameysey, waddooyinkii Muqdisho iyo gobolada Hiiraan iyo Galgaduud isku xiraayey waa la mari waayey oo is-gaarsiintii dhulkuna waa joogsatay gaadiidkii isku dayey in ay wadada maraana waa la dhacay, weerarkii qabaa’ilka Hawiyaha iyo Xawaadlaha maalinba maalinta ka dambeysa waa soo durkay, iyagoo sidii habqan u soconaaya, habeenkii guureynaaya, maalintiina dhirta hoosta ka gala, waxaa la faafiyey dicaayad been ah oo sida dabeysha u socota. Waxaa la yiraahdaa gobolka Shabeelaha Dhexe waa soo gaareen, Jawhar waa la qabsaday, meel heblay joogaan, 50 kiilomitir bay Muqdisho usoo jiraan, berey soo galaayaan iyo wax la mid ah.

Sida runtaa, abaabulkaa iyo weeraradaa ku wajahnaa dawladdii Maxamad Siyaad madaxweynaha ka ahaa ma lahayn hadaf siyaasadeed iyo ujeedo cad oo lagu tubado, waayo? Wax kasta waxaa ka qaalib noqday caadifaddii qabiil iyo fikraddii mucaaradnimo oo hannaan qabyaaladeed ku dhisneyd, aqoon darri ha ahaato ama ula kac ha ahaatee madaxdii iyo taageerayaashii ururkii Yuu.Es.Sii waxay awoodi kari waayeen in ay shacbiga ka dhaadhiciyaan waxa halgankoodu ku salaysan yahay, ama ku wajahan yahay, taasina waa tan keentay in wax waliba majara habaabaan, Soomaaliyana haadaan dheer ka hoobato.

Muqdisho iyo hareeraheeda waxaa ka bilowday olole qaab daran, dhac, burcadeyn iyo tuugo bareer ah, waxaa lala baxsaday baabuurtii dawladda iyo kuwii shacbiga gaar ahaan noocyada dheereeyn ee Laan Kuruusar iyo Laan Roofar, waxaa la daadiyey waraaqo dawladda lagu cambaareynaayo derbiyadana waxaa lagu qoray hadallo dawladda lagu diidan yahay, maalinba maalinta ka dambeysaa nabadgelyada Muqdisho waa kasii dareysaa, shilal badan baa ka dhaca, waxaa sii kordhay dil qarsoon, dhac dadban, banaan baxyo iyo rabshado is daba joog ah oo dawladda liddi ku ah, si looga hortagaana waa adkaatay, waayo? Wax kasta oo tala ah oo dawladdu soo jeediso waa la iska dhega tiray, maxaa yeelay fidmada abaabulkeeda waxaa ka dambeeyey oo dhiiri gelinaayey siyaasiyiin iyo saraakiil dawladda daacadnimo u muujinaayey hase ahaatee dabka hoos ka hurinaayey.

In kastoo aan kalsooni lagu qabin beryahaa dawladdu waxay ku doodeysey, dastuur dimoqraadi ah baanu samaynay, qawaaniintii qallafsanayd waa la laabay, maxkamad dastuuriya baa la dhisaayaa doorasho xor ah oo axsaab badani ka qayb gashaa dalka laga qabanaayaa horraanta 1991ka, waa in si dastuuri ah looga qayb galaa, qaylada, rabshada iyo dagaalka waa in la joojiyaa, dagaal wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho.

Hadalkaa iyo dabacsanaantaa dawladda ka muuqatay in la yeelo oo laga dhursugo dadweynaha qaarkii waa la habbooneyd, hase yeeshee waa laga dhega adeygay oo madaxda ururka Yuu.Es.Sii dheg uma dhigin, waayo? Waxay wateen hindisaha ah in ay xukunka dalka xoog ku qabsadaan, in kastoo aanu jirin qorshe habeysan iyo ku tala gal jaan go’an oo muuqda.

Bayaankii Muqdisho ee 15/5/1990kii

Dawladaha reer Galbeedka ee gumaysiga ku ilbaxay, waxaa siyaasadahooda kamid ah, ummadahay gumaysan jireen hadday gobanima siiyaan, siiba Afrika, waxay galiyaan silsilad si maamulkooda siyaasadeed iyo qorshahooda dhaqaale uu dalalkooda ugu xirnaado, waxay u sameeyaan hab aanay waligood uga madax bannaanaan ama aanay uga maarmin.

1960kii Soomaalidu markay gobanimada qaadatay dawladihii gumaysan jirey wax xiriir siyaasadeed ah ama xiriir dhaqaale ah lama yeelan. Dawladdii rayidka ahayd waxay Mareykanka weydiisatay kaalmo siiba hub ay dalkooda ku daafacdaan, hase ahaatee kama helin, dabadeed markay Soomaalidu aragtay in aan reer Galbeedku naf iyo nolol u hayn, waxay xiriir toos ah la yeelatay Itixaadkii Soofiyeedka iyo dawladihii kale ee Hantiwadaaga ahaa, si ay kaalma uga helaan, taasina si qalbi furan baa loo soo dhaweeyey, Ruushka wuxuu ka ogolaaday in uu Soomaalida ciidanka u hubeeyo sidaasaana heshiis lagu kala saxiixday 1963kii.

Taliskii Kacaanku markuu awooda dalka la wareegay heshiiskaa dhidibaduu u sii aasay. Siyaasaddii iyo danihii reer Galbeedku Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika ku lahaana waa gilgiley, taasna reer Galbeedku waxay u arkeen arin markii hore ay ka il duufeen oo danahooda carqalad ku ah. 21kii sano ee dawladdii Kacaanku dalka maamuleysay dawladaha reer Galbeedku waxay maleegaayeen shirqool dadban si Maxamad Siyaad meesha uga baxo, waayo? Wuxuu ahaa nin madax adag, midaba badan oo aan siyaasaddiisa la malayn karin, marar badan baa sirdoonka Maraykanku isku dayeen in ay dawladda Kacaanka afgembiyaan, hase ahaatee waa u suura gali weydey, waayo? Waxay ahayd dawlad aad u feeyig.

Muddo waxaa la eegaayey goolka ay dhaliyaan afartaa jabhadood oo kala ahaa Es.Es.Dhii.Ef, Es.En.Em, Es.Bii.Em iyo Yuu.Es.Sii oo dawladda dagaalo joogto ah iyo dicaayad fool xun ku hayey, hase yeeshee waxba ka tari waayey, waayo? Waxay ahayd dawlad deyr adag leh. Waxay taladu galabba heer joogtaba 1990kii sida warar lagu kalsoon yahay sheegeen waxaa la qorsheeyey siyaasad Jahanami ah, iyagoo la kaashaday rabshadihii iyo jaahwareerkii dalka gudihiisa ka jirey, waxaa si dadban loo abaabulay siyaasiyiin hore oo wadanka magac ku lahaa, aqoonyahanno, gar-yaqaano iyo odoyaal wax garad ah.

15/5/1990kii waxaa soo baxay warqad la magac baxday Bayaankii 1aad ee Muqdisho, oo si toos ah loogu direy dawladii Kacaanka ee Maxamad Siyaad madaxda ka ahaa, waxaana qoray 114 nin oo isugu jira siyaasiyiin hore, odoyaal wax garad ah, culimaa’u-diin, aqoonyahanno, garyaqaano iyo indheergarad oo dhamaantood ka koobnaa qabaa’ilka Soomaalida oo dhan, gobol kasta ha degaane, koonfur iyo waqooyi, bari iyo galbeed. Raggaasi waxay fureen albaab cusub oo muddo dheer xirnaa, waxaase la yaab lahaa markii madaxweynaha Maxamad Siyaad bayaanka loo geeyey waa ka argagaxay kadibna waa dafiray oo wuxuu yiri, “Warqaddaa la iima keenin oo warna kama hayo.” Wuxuu ahaa hadal aan nin madax ah ku habbooneyn, hase ahaatee horey baanu u soo sheegnay siduu shilka baabuur u galay in siyaasaddiisii khalkhal galay.

Bayaankaa dadweynuhu wuxuu u arkay mar haddii ragga qoray ay dalka gudihiisa joogaan qabaa’ilka Soomaalida oo dhanna ka kooban yihiin shacbiga dhexdiisana magac iyo qadarin ku leeyihiin in uu yahay taariikh cusub oo wadanka gudihiisa ka bilaabatay, hase ahaatee xukuumaddii Kacaanku waxay u aragtay weerar bareer ah oo lagu qaaday, waxaana caado u ahaa oo ay dadka ku eedeyn jirtay ama ku tilmaami jirtey qarankey kasoo horjeedaan, qabiil bay ku adeegtaan, fikrad gobolaysi bay u dagaalamaayaan, waa dad xumaan doon ah, gumaysi bay u adeegaan iyo wixii la mid ah.

Hase ahaatee raggii bayaanka qoray markay ra’yigoodii soo bandhigeen dawladdii Kacaanka la baxday waxay tiri, “Waa raggii xukunka laga qaaday 1969kii oo waxay doonaayaan in ay mar labaad xukunka dib u qabsadaan.” Waxaana caddaan ahaa in xilligaa Soomaaliya u baahneyd in isbedel dhab ahi dalka ka hana qaado, taasoo taliskii jirey u arkay qaran dumis, waayo? Sidaan dhowaan soo xusnay waxaa caado ahayd qofkii ku kaca wax aanay raali ka hayn ama iyaga wax ka sheegaaya runba ha ahaatee in ay yiraahdaan waa Kacaan-diid ama waa qaran dumis, waana dambiile ee ha la xiro, sidaasna maxkamad lagusoo saari jirey.

Haddaba ayadoo warqadiii ay qoreen fal dambiyeed looga dhigaayo ayaa 45 nin oo ka mid ahaa 114kii nin ee bayaanka qoray la xiray. Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamada Badbaadada Dalka dacwadii uu nimankaa ku eedeeyey waa tan:

“Eedeysaneyaasha waxaa si wada jir ah la idinku eedeynaayaa dambiga ah abaabulid, diyaarin, iyo faafin dacaayad lid ku ah qaranka Soomaaliyeed, ee ku xusan Qodobka 15aad Sharci Lambar 54 ee soo baxay 10/9/1970kii oo lala akhriyo Qodobka 71-X.C.S sababtoo ah in aad si wada jir ah u abaabusheen, udiyaariseen, uguna qaybiseen dalka gudihiisa iyo dibadiisa qoraallo muujinaaya dacaayad lid u ah qaranka Soomaaliyeed oo aad ku tilmaanteen Bayaankii 1aad ee Muqdisho, una taariikhaysan 15/5/1990kii; idinkoo ujeedadiinu ahayd in aad dadweynaha Soomaaliyeed iyo ra’yul caalamkaba ku abuurtaan walaac iyo jahawareer, sidaasna ku taagdareysaan awooda dawladda Soomaaliyeed, qoraaladaas oo uu eedeysanaha koowaad ka faafiyey idaacadda Bii.Bii.Sii Landan taariikhdu markay ahayd 8/6/1990kii saacaduna ahayd 17.40 galabnimo.”

Markaa ka dib waxaa soo shaac baxay dad badan oo Soomaali ah oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa jooga oo olole mucaarad ah qaaday fikraddii bayaankana ayiday raggii soo saarayna aad u taageeray. Dawlaadii markay bayaankii diiday waxaa dadweynihii u cadaatay in aan Maxamad Siyaad iyo dawladdiisu ogolayn in ay cid talo ka qaataan iyo in ay cid wada hadal la yeeshaan midna, waxay guddoonsadeen keligii talisnimo, waxaa kaloo laga qaatay hadalkii dawladda quus aan wax is bedel ah waddanka laga filayn. dad badan oo shisheeye iyo sokeeyeba leh ayaa waxay dawladda ka codsadeen in nimankaa xabsiga laga sii daayo, hase yeeshee hadalku wuxuu ahaa iska dheh, waayo? Waxaa la ogaa in Siyaad Barre yahay nin aan wax maqlin, garna gelin, garina ka bixin, oo aan tala qaadan. Raggaa waxaa lagu tuhunsanaa in ay ballan qaad ka haysteen dawlado waaweyn sida Mareykanka, Talyaaniga, Jarmalka iyo kuwo kale oo sanooyinkii dambe aad uga shaqeynaayey in Maxamad Siyaad xukunka laga wareejiyo, dawladahaasi waxay ugu balan qaadeen in ay gacan buuxda ku siinaayaan la-wareegidda xukunka dalka, taasna waxaa marag u ahaa siday u taageereen ama ugu dadaaleen in la siidaayo markii la xirxirey. Hase ahaatee, dawladahaasi ujeedooyinkoodii waa ku khasaareen. Waxaa la isku raacay haddii dawladdii Kacaanku bayaankaas iyo talooyinkii ku qornaa yeeli lahayd ama qaarkood aqbali lahaayeen ama Maxamad Siyaad wada xaajood ogolaan lahaa, sidey markii dambe u dhacday ay arrintu dhaami lahayd. Raggii bayaankaas saxiixay maalintii maxkamadda laga siidaayey garyaqaan Dktr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble oo kamid ahaa hase ahaatee markaa dibadda ku maqnaa wuxuu yiri, “Ragga waxaa lagu eedeeyey in ay qaranka ka hor yimaadeen, waayo? Qodobadii loo cuskaday qaarkood waxaa lagu xakumi karey dil, hase yeeshee isla maalintuba waa la siidaayey, waayo?” Waxaa la arkay in aan wax danbi ah oo nimankaa maxkamad lagu geeyaa jirin, xarigooduna wuxuu ahaa hab siyaasadeed waxaana la damacsanaa in Maxkamadda Badbaadada la geeyo mar haddii ay maamulkeeda siyaasadi ku jirto, oo qaarna dil lagu xakumo, qaarna xabsi, qaarna la siidaayo, dabadeedna adduunweynaha la maqashiiyo in nimankii maxkamad la saaray, hase yeeshee taasina waa suura gali weydey maxaa yeelay dadweynihii Soomaaliyeed iyo adduunweynihii ayaa ka hor yimid, sidaa daraadeed ayaa madaxweynuhu xukunkoodii u wareejiyey maxkamada gobolka Banaadir, wuxuuna habeenkii u yeeray garsoorayaashii wuxuuna ku yiri, “Subaxdii iska siidaaya.” Raggaa maalintii maxkamadda la horgeeyey waxaa jidadka magaalada Muqdisho buuxiyey dad isu soo baxay oo sameynaayey banaanbax iyo mudaaharaad ay ku taageeraayeen kooxdii bayaanka qortay oo gardarrada lagu xiray falalka dawladana ka horjeeday. Raggii bayaanka markii maxkamaddu siideysay waxay yiraahdeen, “Annaga waxaa nasii daayey dadweynaha Soomaaliyeed iyo taageeradii adduun ee caalamiga ahayd.” Nin kastaa haku doodo ama haku faano annagaa Maxamad Siyaad xukunka ka tuuray, nin kastaa ha yiraahdo annagaa Xamar ka saaray, waxaa hubaal ah oo aan muran ka joogin in 114kii nin ee warqaddii Bayaanka la baxday qoray ay Maxamad Siyaad naxashka saareen, dabadeedna waxaa naxashkii ka riday kacdoonkii dadweynaha ee Muqdisho, kuwa xabbad u qaatay iyo kuwo niyadda ka raacsanaa.

*Muqdisho waxaa laga soo saaray dhawr bayaan oo dawladda mucaarid ku ahaa, waxaa ugu kululaa bayaankan iyo bayaan wadaadada al-Itixaadul-Islaam soo saareen.

Hadaba bayaankii oo sidii loo qoray loo soo guuriyeyna qorayaashuna ku lifaaqan yahay waa kan:

Bayaanka Muqdisho ee Koowaad – 15 Maajo, 1990

Ku: Madaxweyne Maxamad Siyaad Barre

Ujeeddo: Talooyin lagu gaari karo sulux wadani iyo badbaadinta qaranka Soomaaliyeed

Ragga hoos ku qoran oo ka kooban odayaashii iyo akhyaartii u soo halgamay xorriyadda waddanka, salaadiin, cuqaal ka socota beelaha Soomaaliyeed oo idil, culimaa’u-diini, indheergarato iyo ganacsato waxay kulligood isku wada raaceen ineyan iska indha tiri karin xilka iyo waajibaadka ka saaran xag Islaanimo iyo xag Soomaalinimoba, xaaladda khatarta ah ee uu ku sugan yahay dalkeenu kana aamusi karin dhibaatooyinka aanu ku jirno oo aan loo adkaysan karin.

Waxaa murug iyo walwal nagu haya burburka, hooga iyo ba’a dadkeenu iyo dalkeenuba ay ku sugan yihiin oo aan horey taariikhdeena noo soo marin, sida:

Dagaal sokeeye oo wali ka dhex socda ciidamada dawladda iyo jabhado hubeysan oo kasoo horjeeda, kaasoo keenay khasaaro aan la koobi karin naf iyo maalba, sida:

  • dilka kumaan kun oo qof oo aan dagaal ku jirin, waayeel leh, carruur iyo dumar leh, ee xabbad la iska mariyey, maalkoodiina la dhacay,
  • qaxidda boqolaal kun oo Soomaali ah, oo cabsi daraadeed naftooda u cararay, danina ku kalliftay in ay magan galaan dalal ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Keenya,
  • burburka iyo bililiqaysiga ku dhacay magaalooyin waaweyn iyo tuulooyiin badan oo ay kamid yihiin Hargeysa, Burco, Shiikh, Ceerigaabo, Buuhoodle, Gaalkacyo, Galdogob, Beyra, Docol, Wargalo, Hilimo, nawaaxiga Afmadow, Libooy iyo Badhaadhe. Waxaa kaloo intaas ka daran oo iyana mudan, in si ula kac ah, dhul oomane ah loo baabi’iyey baraaktii iyo ceela dadka reer guuraaga ahi uu ku noolaa.

Nabadgelyo la’aan koobtey dalka oo idil, miyi iyo magaale, gaartayna heer uusan jirin qof Soomaali ama ajnabi ah oo aan haatan ka walwaleyn cawabariga naftiisa, eheladiisa iyo maalkiisaba, taasoo ay weheliso khalkhal qabali ah oo ka dhex oogan gobollo badan iyo burcadnimo ka dillaacday meel kasta, is hortaagtayna horumar dhaqaale iyo ganacsi iyo waliba nabad kuwada noolaanshaha ummadda Soomaaliyeed.

Xadgudub xuquuqda muwaadinka: Xukunka maanta dalka ka jira wuxuu si toos ah isugu gaar yeelay maamulka siyaasadda, dhaqaalaha iyo arimaha bulshada, wuxuuna ka hor istaagay muwaadiniinta in ay ka qayb qaataan talada maamulka dalka, iyadoo isla markaana muwaadin kasta loo diidaayo inuu fikraddiisa ka dhiibto mashaakilka dalka ka taagan, sidaasna lagu cabburinayo xorriyaadkiisii uu hantay markii uu dalku gaarey gobanimo qaran 1960kii. Waxaa caado noqotay in ruuxii wax yar oo dhaliil ah u jeediya xukuumada la xiro isaga oo aan maxkamad la horgeyn. Waxaa marag ma doonto ah in dad badan la iska xiray, iyagoo xabsiyada ku jirey muddooyin kala duwan oo gaaraya ilaa 17 sano, qaarna ay kuba geeriyoodeen. Ku tumashada xuquuqul insaanka dalkeena waxay ka noqotay hab caadi ah, waxayna ina dhaxalsiisay in dalkeenna uu kamid noqdo dalalka yar ee ku caan baxay arrintaas.

Maamul-xumo dowladeed oo ay bartilmaameed u noqdeen musuqmaasuq, laaluush, boob hanti qaran, eex qabiil iyo caddaalad la’aan, iyo karti xumo ilaa xad aanu oran karno waxaa lumay dareenkii qarannimo, isla markaasna ay burbureen dhismihii maamulka dawladda iyo adeegyadii nolosha dadweyna aasaaska u ahaa, sida hay’addihii nabadgelyada, caafimaadka, waxbarashada, biyaha, xooga korontada iyo wixi la mida. Maamul-xumidu waxay gaartay – waa yaabe – ilaa heer ay banuuktii ay dawladdu lahayd ay diidaan iney aqbalaan jeegaggii lacag u yaalka ahaa (assegni circolari) ee ay banuuktu laftoodu bixiyeen.

War iyo dhamaantiis, waxaad moodaa xilkas-li’ida rajiimku iney gaartey xad aan wax mas’uuliyad ah oo ka saaran iyo wax xurmo ah oo ay u hayaan shacbiga Soomaaliyeed eeyan jirin. Waxyaalaha uur-ku-taalo iyo tiiraanyo xanuun badan nagu abuuray waxaa kamid ah sida loo dooriyey ujeedooyinkii loo dhisay Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ahaa inuu cadawga shisheeye ka difaaco calanka iyo xudduudda wadanka, isagoo ka sarreeya qabiil iyo siyaasad xisbi ama mid koox gaar ah. Qiime aan la soo koobi karin ayuu ugu kacay shacbiga Soomaaliyecd dhismaha ciidanka, han weynna waa loo qabay.

Waxaa nasiib darro ah inuu haatan isu rogay aalad lagu adeegto si dan gaar ah loogu qunsado, dadka Soomaaliyeedna loogu dulmo. Taasuna waxay sabab u noqotay in Xooggii laftiisu uu burburo, magac iyo maskabna jabo, si dib loogu habeeyaana ay adag tahay kadib markii uu qabiil u kala baxay.

Burbur dhaqaale: Xagga dhaqaalaha waxaan maanta la isku hayn in faqrigu iyo gaajaduba ay taabteen guri kasta ee Soomaaliyeed, in yar mooyee, badankiina uu halis ugu jiro inuu musallaf noqdo, dawlad iyo dadba. Taasi waxay keentay in kumaan kunoo Soomaali ahi ay dalkooda uga yaacaan afarta bayna jaho. Waxaa nasiib darro ah in inta yaacday ay u badan yihiin indheer garatadii iyo dhallinyaradii wax tiqiin oo uu dalku si gaar ah ugu baahnaa mustaqbalka dhinaca horukaca.

Hooga iyo ba’a maanta Soomaali haystaa oo halis geliyey jiritaankii Soomaalida, qofnimo iyo qarannimoba waxaa sabab u ah maamul-xumida maanta dalka taal oo hortaagan muwaadiniinta iney si xornimo ah uga qayb qaataan go’aannada talada wadankooda, maamul-xumidaasoo weliba shacbiga ka qaadday suldadii ummadeed ee uu xaqa u lahaa.

Annaga aragtidayada suurogal ma aha in laga gaaro xal dhameystiran arrimaha kor ku xusnay haddaan la helin isbedel taam ah ee xukuumadeed, iyadoo dib loo soo celinaayo nidaamkii dimoqraadiga ahaa ee uu shacbigu doortay, isagoo xor ah 1960kii, oo aan misna loo ogolaan muwaadinka Soomaaliyeed inuu khiyaarkiisa ku doorto hogaanka dawladda – heer madaxweyne, heer xukuumad, heer baarlamaan, heer gobol, heer degmo, si deg deg ah, siduu xaqqa u leeyahay.

Waxaa xusid mudan in xukuumaddu ay in dhaweydaba ku dhawaaqaysay iney diyaar u tahay in nidaamkii xisbiga keliya ku dhisnaa la bedelo oo la dhiso nidaam cusub oo ku salaysan axsaab badan, sidaas awgeedna in dastuurka maanta jira tacdiil lagu sameeyo, sannadka 1990ka gudihiisa, lana abaabulo doorasho cusub oo lagu dhiso baarlamaan iyo xukuumad cusub. Hase yeeshee xaqiiqdu waxay tahay in shacbiga Soomaaliyeed uu ka daalay hadaltiro labaatankii sano ee dambe, uuna haatan gaarey heer uusan rumaysan wax kastoo loo sheego haddaan la tusin ficil cad oo muuqda.

Si loo sugo himilada soo celinta nidaamkii dimoqraadiga ahaa waxaa lagama maarmaan ah in shacbigu uu ka qayb qaato hawsha iyo habka goolkaas lagu gaarayo. Waxaadse moodaa ineeyan arrintaasi u cuntamayn xukuumadda maanta talada heysa oo qabta inaan talada wadanka lala wadaagin, iyadoo ay misana caddahay ineeyan hayn awood ay keligeed nooga samata bixin karto dhibaatada maanta dalka ka taagan.

Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in Soomaali oo dhan la isugu yeero, kartideeda iyo garaadkeedana meel la isugu keeno, si ay uga tashato aayaheeda dambe. Si loo abuuro jawi xorriyadeed iyo nabadeedba, dastuur samayn iyo doorasho ka hor, waxaa loo baahan yahay in la baabi’iyo sharciyada xuquuqul insaanka iyo xorriyaadka kaleba cabburinaaya iyo hay’adaha ujeedadaas darteed loo dhisay, sida:

  • Sharciga 10 Janaayo 1970 Lambar 01 – Awoodda xarigga
  • Sharciga 10 Janaayo 1970 Lambar 03 – Dhismaha Maxkamadda Badbaadada
  • Sharciga 15 Febraayo 1970 Lambar 14 – Dhismaha hay’adda En.Es.Es
  • Sharciga 10 Sebtembar 1970, Lambar 54 – Ilaalinta nabadsugidda qaranka
  • Sharciga 10 Oktoobar 1970 Lambar 64 – Baabi’inta habeas corpus
  • Sharciga 1 Nofembar 1970, Lambar 67 – Difaaca bulshada
  • Sharciga 5 Abriil 1972, Lambar 38 – Awooda GSK arimaha garsoorka

Isla markaas waxaa lagama maarmaan ah in xeerka ciqaabta iyo xeerka habka ciqaabta (codice penale e codice di procedura penale – DL 16 Disembar 1962, Lambar 5 iyo DL 10 Janaayo 1963, Lambar. 01) lagu soo celiyo sidii ay ahaayeen rejiimkan kahor, si shacbiga loogu soo celiyo xorriyaadkiisii oo dhamaystiran oo ay markaas suurogal ugu noqoto inuu kulmi karo, tashan karo, dhisan karo umro siyaasadeed iyo kuwo bulshadeed.

Si durbadiiba loo joojiyo dhiiggga Soomaaliyeed ee haatan ku daadanaaya meel kasta, nabad iyo xasiloonina loogu soo celiyo dalka, xal siyaasadeedna loogu helo dagaalka sokeeye ee ka holcaya wadanka oo idil iyo si loo dhiso nidaam dimoqraadi ah oo ku salaysan rillada shacbiga, waxaa lamaga maarmaan ah in la qaban qaabiyo kulan lagu magacaabo Shirweynaha Suluxa iyo Badbaadada Ummadda, oo annaga ay nala haboon tahay in lagu qabto goob dhex dhexaad ah, sida Jabuuti, Sacuudi Carabiya, Masar ama Itaaliya. Si loo xaqiijiyo abaabulka shirweynahaasna, waxay nala tahay in horta la dhiso guddi lagu magacaabo Guddiga Diyaarinta Shirweynaha Suluxa iyo Badbaadinta Ummadda, oo ka kooban akhyaar Soomaaliyeed oo xurmad iyo kalsooniba shacbiga ka haysta. Annaga aragtidayada shuruudahaas waxaa buuxin kara akhyaarta hoos ku qoran:

  • Xaaji Aadan Cabdulle Cusmaan – madaxweyne hore
  • Sheekh Mukhtaar Maxamad Xuseen – madaxweyne iyo guddoomiye baarlamaan hore.
  • Xaaji Muuse Boqor – wasiir hore
  • Dktr. Ismaaciil Jumcaale Cosoble – wasiir hore
  • Dktr. Maxamad Raajis Axmad – mudane baarlamaan hore
  • Maxamad Abshir Muuse – taliye hore Ciidanka Booliiska
  • Dktr. Maxamuud Sheekh Axmad – guddoomiye hore Maxkamadda Sare
  • Suldaan Duulane Rafle Guuleed – odey Soomaaliyeed
  • Cali Shido Cabdi – guddoomiye ku-xigeen Es.Waay.El iyo safiir hore
  • Garaad Cabdulqani Garaad Jaamac – odey Soomaaliyeed
  • Xaaji Jirde Xuseen Ducaale – ganacsade
  • Sheekh Ibraahim Suuley – caalim diinta Islaamka ah
  • Sheekh Shariif Sharafow – caalim diinta Islaamka ah

Xilka Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Suluxa iyo Badbaadada Ummadda wuxuu noqon doonaa:

  • qabanqaabada diyaarinta ajendada iyo nidaamka loo maamulaayo shirweynaha,
  • xulashada iyo u yeeridda xubnaha kasoo qayb galaaya shirweynaha,
  • talo ururinta iyo la-tashadka qof kasta iyo hay’ad kasta oo ay dan bidaan, wadanka gudihiisa iyo dibaddiisaba,
  • la xaajoodka xukuumadda iyo mucaaridka oo dhan, ayadoo ujeedadu tahay in loo gogol xaaro xal siyaasadeed oo nabad dhalin kara.

Waxaa lagama maar maan ah in ay shirweynaha kasoo qaybgalaan:

  • xubno awood buuxda leh oo ka socda xukuumadda,
  • xubno awood buuxda leh oo ka socda jabhadaha iyo mucaaridka oo dhan,
  • xubno awood buuxda leh oo ka socda gobollada wadanka oo idil, xurmo iyo kalsoonina ka haysta dadkooda,
  • xubno ka socda indheergaratada, culumaa’u-diinka iyo ganacsatada.

Himilooyinka la doonaayo in shirweynuhu uu xaqiijiyo waa:

  • joojinta dhiigga Soomaaliyeed ee meel kasta ku daadanaaya iyo in lagu soo celiyo dalka nabad iyo xasillooni,
  • in heshiis siyaasadeed laga gaaro mabaadii’da caamka ah ee dastuurka wadanka loo samaynaayo,
  • in heshiis siyaasadeed laga gaaro jadwalka, waqtiga iyo habka lagu qaban qaabin doono doorashooyin xor ah oo lagu dhiso baarlamaan iyo madaxweyne cusub,
  • dib u habeen nidaamka dhaqaalaha, midka maamulka guud, midka ciidamada iyo midka adeegyada bulshada, iyo
  • dhismo xukuumad meel ku gaar ah ee fulisa go’aannada shirweynaha.

Ugu dambeystii waxaanu rajeyneynaa inaad nala garato khatarta – ee aan horey noo soo marin – ee maanta dadkeenu iyo dalkeenuba ku sugan yihiin, si wax qabadka loo baahan yahay loo siiyo ahmiyadda iyo degdegta ay mudan yihiin, oo ay u suurowdo in Soomaali la daba qabto.

Ilaah waxaanu ka baryeynaa inuu towfiiqda nagu toosiyo.

Waxaa ku lifaaqan saxiixa odoyaasha qoray

Muqdisho.
Gudiga Suluxa iyo Badbaadinta Qaranka Soomaaliyeed:

Saxiixayaasha Bayaanka

  1. Xaaji Aadan Cabdulle Cismaan
  2. Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen
  3. Xaaji Muuse Boqor
  4. Dktr. Ismaaciil Jimcaale
  5. Dktr. Maxamed Raajib Axmed
  6. Maxamed Abshir Muuse
  7. Dktr. Xuseen Xaaji Bood
  8. Suldaan Turki Suldaan Xuseen Xalle
  9. Cali Shiddo Cabdi
  10. Sheekh Muudeey
  11. Xaaji Maxamuud Tiirow
  12. Xaaji Cismaan Axmed Rooble
  13. Xaaji Baynax Barre
  14. Axmed Maxamed Cabdulle
  15. Maxamuud Yuusuf Aadan
  16. Brofesoor Ibraahim Maxamuud Abyan
  17. Dktr. Maxamuud Jaamac Maxamad Afabalaar
  18. Xaashi Weheliye Maalin
  19. Xaaji Kamaaludiin Xaaji Cali
  20. Cabdullaahi Sheekh Maxamuud
  21. Maxamed Cali Caateeye
  22. Cali Mahdi Maxamed
  23. Cali Xuseen Gurac
  24. Dktr. Cabdullaahi Macallin Cabdulle
  25. Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse
  26. Maxamed Faarax Siyaad
  27. Maxamuud Saalax Nuur
  28. Dktr. Xasan Dhimbil Warsame
  29. Dktr. Cabdicasiis Nuur Xersi
  30. Mire Colaad Cawaale
  31. Baashi Cali Jaamac
  32. Dktr. Cabdi Sheekh Aadan
  33. Xersi Xaaji Jaamac
  34. Cabdulqaadir Xaashi Cigaal Tolo-dholo
  35. Aadan Cumar
  36. Dktr. Cabdiraxmaan Cilmi Cigaal
  37. Cabdullaahi Cumar Bootaan
  38. Maxamed Siciid-Ciyow Jentelmaan
  39. Maxamed Diiriye
  40. Dktr. Sheekh Cali Maxamuud
  41. Bashiir Ciise Cali
  42. Xaaji Cali Geeddi Shodoor
  43. Khaliif Jaamac
  44. Dktr. Muumin Cumar Axmed
  45. Yuusuf Jaamac
  46. Dktr. Axmed Maxamed Darmaan
  47. Cabdi Xaaji Yuusuf Shuluco
  48. Xaaji Axmed Raage Cabdi
  49. Cabdi Bullaale
  50. Injineer Cabduqaadir Aadan Cabdulle
  51. Axmed Ismaaciil Boqor
  52. Cabdulqaadir iimaan Aadan
  53. Maxamuud Xaaji Cabdullaahi Qore
  54. Xasan Xaaji Maxamed
  55. Dktr. Maxamuud Muxumed Xuseen
  56. Cabdullaahi Xaaji Yuusuf Cigaal
  57. Dktr. Cabdi Maxamad Maxamuud
  58. Jibriil Xasan Maxamed
  59. Maxamuud Geeddi Maxamuud
  60. Maxamed Cali Xaashi
  61. Axmad Cilmi Cismaan
  62. Cabdi Iidle Shuuriye
  63. Xuseen Axmed Cabdulle
  64. Ibraahim Rooble Warfaa
  65. Faarax Warsame Cismaan
  66. Axmaday Sheekh Qaasim
  67. Cali Iimaan Gadow
  68. Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi
  69. Cali Maxamad Osbite
  70. Cadullaahi Faarax Hoolif
  71. Xaaji Maxamuud Xoogsar
  72. Xasan Barre
  73. Xasan Guureeye Kaarshe
  74. Dktr. Cabdulqaadir Maxamed Abuukar
  75. Mire Cali Cismaan
  76. Abshir Kaahiye Faarax
  77. Xiireey Qaasim Weheliye
  78. Cali Maxamad Guuleed
  79. Xaaji Maxamad Cabdulle Furre
  80. Cali Maxamad Ibraahim
  81. Axmed Sheekh Maxamuud
  82. Cali Calas
  83. Cabdi Maxamed Khayre
  84. Xaaji Axmed Xaaji Maxamed
  85. Cabdullaahi Xuseen Maajoor
  86. Salaad Cali Diini
  87. Sheekh Abuukar Macallin Cali
  88. Cabdirashiid Maxamuud
  89. Xasan Cashuur Maxamed
  90. Cabdullaahi Maxamuud Matukade
  91. Saciid Cusmaan Keynadiid
  92. Maxamed Maxamuud Jaamac
  93. Cabdulqaadir Xaaji Saciid
  94. Cabdullaahi Maxamed Yuusuf
  95. Maxamed Xaaji Cumar
  96. Cumar Maxamed Guuleed
  97. Xaaji Axmed Cali Islaweyn
  98. Xaaji Faarax Cusmaan
  99. Muuse Yuusuf Cali
  100. Cabdixamiid Islaan Faarax
  101. Faarax Cismaan Shiwaar
  102. Cabdiraxmaan Sheekh Nuur
  103. Maxamed Jaamac Geyre
  104. Sugulle Maxamuud
  105. Xaaji Maxamed Cawaale Liibaan
  106. Jaamac Cali Jaamac
  107. Maxamed Yuusuf Faarax
  108. Yaasiin Guure Cali
  109. Maxamed Cumar Jaamac
  110. Cabdullaahi Ciise Yuusuf
  111. Maxamed Saciid Ismaaciil
  112. Beeldaaje Cali Nuur Faarax (Bin Jaceyl)
  113. Cabdi Muxumud Aamin
  114. Axmed Cabdi Daahir (Sheel)

Wallee ina-Raagoow Tala Adduun Taada uun Maaha

Sidaan meela kala duwan ku xusnay ummadda Soomaalida waxaa lagu tilmaamaa dad xiisa badan oo had iyo jeer jecel in ay wax cusub oo xiisa leh arkaan, mar walba siyaasad ka sheekeysta, hadaba in kastoo Janaraal Maxamad Siyaad Barre ahaa laba wajiile aan hadalkiisa meel loogu hagaago lahayn, maalin wuxuu ku hanjabi jirey, “Xukunka dalka xoog iyo xabbad baan ku qabsaday, iyadoo xoog iyo xabbad la igaga qaado mooyee si kale uga degi maayo.” Maalinna wuxuu oran jirey, “Xukunka dadweynahaaan dib ugu celinaynaa markay haboonaato, iyagu ciddey doonaan ha u dhiibteen.” Markuu doonana wuxuu samayn jirey doorasho qaran oo aan lagula tartamin markaana wuxuu oran jirey, “Aniga dadweynaha ayaa si dastuuri ah ii soo doortey oo xukunka ii dhiibtay.”

Hadaba ayadoo dadweynuhu maskaxda iyo maanka ku hayey ballanqaadkii lagu sheegay qodobka 7aad ee Axdigii 1aad ee Kacaankii 21kii Oktoobar 1969kii, waxaa shacbiga ku dheeraaday xukunkii keligii taliska ahaa, taasina waxay keentay in dawladdii la nacay, waxaa aad loo jecleystay in wax is bedel ah la arko ama Maxamad Siyaad jagada madaxtinimada baneeyo.

Hadaba waxaa jirey shan marxaladood oo mid waliba munaasib ahayd shacbiguna filaayey in Maxamad Siyaad taladii wadanka dhamaan ama qayb iska wareejiyo, shantaa marxaladood oo kala ahaa sidatan:

  • 1976kii bishii Luulyo markii la aasaasay X.H K S wuxuu khudbad uu jeediyey ku sheegay in xukunka dalka gacanta dadweynaha dib loogu celiyey, iyagu haka tashadaan ciddey u dhiibanaayaan, hase ahaatee kaasi wuxuu ahaa oraah afka laga yiri, isagoo aan cidi la tartamin waxaa loo doortey xoghayaha guud ee X.H.K.S iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliyeed iyo taliyaha guud ee Ciidamada Hubka Sida.
  • 1978kii dagaalkii aan lagu guuleysan ee Itoobiya lagu qaaday markii laga soo noqday bishii Abriil waxaa saraakiil ciidamada kamid ahaa isku dayeen afgembigii fashilmay, maalintaa waxaa la shinsanaayey in uu is casilo ama siyaasadda wax ka bedelo, hase ahaatee wuxuu qaaday olole xoog leh oo uu xukunkiisa tiirarka ugu dhidbaayo.
  • 1986kii markii uu shilka baabuur ee halista ahaa ku dhaawacmay oo muddo afartan maalmood ah takhtar dalka Sacuudiga ah si gaar ah loogu daaweynaayey, sida la sheegay Boqor Fahad wuxuu kula taliyey in uu madaxnimada ka dego maamul dawladeed oo dambana ka fogaado, hase yeeshee markuu Muqdisho kusoo laabtay isagoo garabka la hayo wuxuu qaaday tallaabooyin hor leh, dawladdii wuxuu ku sameeyey is bedel saraakiil badan oo warbixin aan raali gelin laga siiyey qaarna waa xirxirey qaarna shaqadii buu ka eryey, 1987kii wuxuu isu sharraxay doorasha qaran oo aan lagula tartamin muddo todoba sano oo hor leh.
  • 1988kii ilaa dhamaadkii 1990kii jabhadihii mucaaridka ahaa waxay hubka u qaateen si ay xukunka uga tuuraan Maxamad Siyaad, meela badan oo dalka gudihiisaana dagaallaa ka dhacay, dadka kasoo horjeedaana maalinba maalinta ka dambeysaa tiradoodu waa sii kordheysay, magaala madaxda Muqdisho gudaheedana rabshado iyo iska hor imaadyaa ku baahay, waxaa si caddaan ah u muuqatay in sida kaliya ee arrinta loo furdaamin karaa ay tahay Maxamad Siyaad oo jagada ka dega taana dheguhuu ka fureystey.
  • 1990kii 15kii bishii Meey markay 114ka siyaasi oo ka koobnaa guurtida qabaa’ilka Soomaalida oo dhan ay bayaan cad soo saareen, dadweynuhu aad buu u jeclaa in Maxamad Siyaad talooyinkii bayaankaa ku qoraa yeelo, hase ahaatee waa diiday, wuxuu yiri, “Ragaan shalayto xukunka ka qaaday ayaa maantey doonaaya in ay mar labaad xukunka dib ugu soo noqdaan.”

Talada Eebbe waa meesheeda, hase ahaatee dad badan oo sokeeye iyo shisheeyeba lahaa ayaa waxay rumaysnaayeen haddii Maxamad Siyaad maalintaa talada dalka iska wareejin lahaa dhibaatada qarada weyn ee dhacday ma timaadeen arrintuna sidaa waa ka fududaan lahayd, isagana sharaf iyo maamuus bay u ahaan lahayd, hase yeeshee taa waa lagu hungoobay, gabyaa xikmad iyo waaya aragnimo loo ogaa ayaa wuxuu yiri:

Haddey sababi geli maanka waa la iska siibaaye
Sarbeeb melega yaa laga dhigaa saacaddaad dhimane
Solina maysid taladii Ilaah seeg ku leeyahaye.*

Waxa Soo Socda Nimaan Garani Waxa Joogaa ma Garto

Bishii Meey 1990kii markii 114ka siyaasi oo qabaa’ilka Soomaalida oo dhan ka koobnaa bayaanka soo saareen, waxaa waddanka gudihiisa ka bilowday buuq iyo bulaan fikradooda lagu taageeraayo iyo dhaqdhaqaaqyo badan oo dawladda ka horjeeda, shirar qarsoodi ah baa la qabtay, khudbadaa masaajidda iyo meelo kala duwan laga jeediyey, waraaqaa la daadiyey, hase yeeshee ma jirin fikrad mideysan iyo qorsha habeysan oo ku-tala-gal leh, waxaad moodaa in dadka itijaahii siyaasadeed ka lumay oo meelay u socdaan iyo meelay wax u wadaan midna aanay aqoon.

Dadka garaadkiisu ma sinna, isku aragti iyo isku aqoon maaha, ninna si bey la tahay sida arrimaha loo maamuio iyo sida arrin murugtay loo maareeyo, waxaa jira dad garab daar leh oo galawgu wax u sheego oo meel fog wax ka odorosa, caqli badnaan ha ahaato ama aragti dheeraad ah oo Eebbe ku abuuray ha ahaatee, waxaa jira Soomaali badan oo waayaha adduunka aragti dheer u lahaa. Markay odoroseen sidey dabeyshu u socoto, dadka waddanka ka cararaya, lacagta dibadda loo dhoofinaayo oo bangiyada shisheeye la dhiganaayo, naca iyo naceybka loo qabo Maxamad Siyaad iyo dawladdiisa, qabiil ku faanka iyo falalka colaadeed ee qabaa’ilka qaarkood ka dhex taagan, dadka safarka ah oo waddooyinka dalka gudihiisa lagu laayey, waxay saadaaliyeen in Soomaaliya mashaqooyin ba’an iyo dhibaatooyin  soo food saareen si wax looga qabtaana aanay muuqan

Hadaba waxaanu meela kala duwan ku xusnay in qofka gabyaaga ahi mararka qaarkood mustaqbalka iyo waxay arrimuhu ku dambeyn doonaan sii saadaaliyo. Hadaba waxaa jirey nin gabyaa ahaa oo qarannimada iyo midnimada Soomaalidu qiima weyn la lahayd oo magaciisa la yiraahdo Nuux Saciid Naxar, kuna dhashay degmada Caluula ee gobolka Bari, hase ahaatee xilligaa Muqdisho joogey. Tix gabay ah oo uu mariyey markuu arkay saha kacay iyo salowga dalka ka oomaaray, wuxuu sawir cad ka bixiyey saha maalintaa taagnaa iyo halkey xaaladdu ku socoto sida salkeedu ahaan doono iyo sidey Soomaaliya ku dambeyn doonto iyo in aan Maxamad Siyaad laga raysan doonin, gabaygiina waa kan, wuxuu yiri:

Sabca iyo sabciin baan jiraa maalmo saa’ida’e
Suugaanta maansadana hantiyey sa iyo wowgeede
Siinleyda aan qaatay ee xalay dhan saafaayey
Aan sanqariyo erayadaan sallaxay midaan kasoo saaray
Waxaan saxay waxaan saadiyey iyo waxaan samayn doono
Sawaariikhda Ruush kama duwana ee waxa aan sii daayo
Sunka daallimada buufiya oo sababa weeyaane
Aan sawiro bal maantana halkaan saanta dhiganeyno

Soddon sanaba qaran baan ahayn calan u saaraaye
Waa maxay sawaxankiyo hadaba salawga yeeraaya?
Sal ka-kaca qabiiliyo maxaa ololka soo saaray?
Soomaali wada ilbixi baan lahaa nacab ha suuxeeye
Saldanadiina adkeystaan lahaa yaan la saabiline
Sumcaddooda toosaan lahaa way isa saxaayaane
Sarcadaan lahaa labada webi dooxadaan sare’e
Sareedada barwaaqadaan lahaa ha u sinaadeene
Saqiir iyo kabiir baan lahaa waysa saamixiye
Soomaali sidii aan la rabay diiday samihiiye
Saluugtoo midnimadii nacdaye hoog ma wada saaqay?

Su’aashaa jawaabteeda sugan sidatan weeyaane
Sodon qaad rasaastiis aan sinaba loo waayin
Saqiir iyo toban-jirkiinii sitaad nabad sugaysaane
Safar la laayiyo naflahaan salashay laabtiisu
Sanaadiiqda lacagta laga buuxiyee dibadda loo saaray
Saqiir ooyi hooyada sawixi oday gacmaha sayari
Sirqa baahan dhalinyaro sahwiday oo gaajo ay solotay
Suuq ololay beesada sabeyn aan qaar indhaha saarin
Saraha dabaqa dheer Laan Kuruus nimanka saanyooday
Safkayaga dhergaayaan bulshada eegin siliceeda
Seedaha sokeeyaha is jaray nabadda seerowdey
Sulfaha dhacay abaaraha sanqaray waxakan sooyaamay
Saddex allifle janankii ka biqiyayna soo maraye
Sababaha dhibaatadan ku timi waan la soconaaye
Soomaaliyey kitaab been ah baa saan inoo galaye
Sitaarkeena ma loo noqonaayaa wayna saamixiye

Suugaanta meeshaan la rabay waa nigaa sugaye
Kaas inoo sarreeyiyoo intuu sahanku noo muuqdo
Saxiixiisu uu soconaayaan siinad leenahaye
Haddaan siigo kicin maalintuu talada siidaayo
Haddaan lagu saladin raggaan u nixin shacabka Soomaali
Haddaan saanad culus laysla dhicin Xamarna saaltaynin
Sacabada haddii ayaan dhigan taajirradu suuqa
Niman sarara waynaa hadeyaan saxar kasii dhiiban
Sagaal goor haddaan laga darraan kaa nakala soocay
Siyaadow Siyaadow hadaan waaya lagu suuxin
Soo celi Allahayow haddaanu noqonin sowdkiinu
Soomaali wacal baan ka ahoy ee saas hala ogaado.

[sawir: Nuur Saciid Naxar]

Fiiro gaara: Gabaygaan tuducya kamid ah haddaan si laab leh u dhuuxno waxaan ka fahmaynaa maahmaahdii ahayd mala rag waa nooli, micnihii la yiri, dhibaaladii qarada wayneyd ee Soomaaliya ku habsatay rag badan baa saadaaliyey markay arkeen sida dabeyshu u socoto.

Gabyaa kaloo caan ah oo magaciisa la yiraahdo Cabdulqaadir Xirsi Yamyam wuxuu yiri, “1990kii horraantiisii markaan arkay ummaddii Soomaaliyeed oo cadow isu noqotay oo wax nidaam ah iyo wax kala dambeyn ah midna aanay jirin dhallinyaradii, waayeelkii, waxgaradkii, iyo cuqaashii aan wax is dhaamaa la arag oo dilkii iyo dhaawacii birta la iska aslay oo maalin walba boqolaal dhimanaayaan, abaarta iyo lacag la’aanta, tuugada, dhaca iyo boobka aanay kala lahayn, ayaan anigoo ka tiiraanyeysan waxa dhacaaya Eebbaha weyna baryay, waxaan mariyey gabaygaan, gabaygu wuxuu leeyahay dhawr ujeedo, ujeedada weyni waa baryada Ilaahay inuu dadka iyo dalka sida u dhaamo, oo annagaan waxa kasbanaye rucbiga nagu dul furan naga dul qaado, dhibaatada na haysana si noo dhaanta iyo wax kheyr leh noogu bedelo.” Wuxuu yiri:

Hadba dunida waayaa rogroga degeladeediiye
Xilliga iyo dabaylaha wada daadahshoo rara’e
Doog iyo abaar bay is bedela gu iyo dayrtiise
Markay beladu kaa durugsan tahay dadab kaley taalle
Barwaaqiyo damaashaad in badan maalay darartiiye
In kastoy dhirtii diiratay oo duunyadii marisay
In kastoo kun qoys oo duda ah wada dagaagsiisay
Karti iyo dadaal wada jiraa looga doogsadaye
Dad iimaan leh annagoo ah baa roobki noo da’aye
Daba dheer Alley lahe tanaa nooga sii darane

Dab la shiday colaad dumisay beel dirir madoobaaday
Dir fir gofay derbiyada agoon daadsaniyo maato
Dureemiyo meyd caws ka badan dooxa wada dhiiga
Dumbukhyada rasaastiyo codkii damin aqoon waayey
Dafadiyo waraabaha dhergiyo dawacadaa heestay
Afartiisa dacal geeskayaga dirirta gaashaaman
Nabadiyo jacaylkaa durkiyo xiisad dami wayday
Shacab kala dambeyntii niciyo dawlad tala waydey
Dagaalkii labaad iyo colkii galay Daraawiishta
Dibiriyo Jidbaaleba tanaa nooga sii darane

Abaar dihatay jiilaal daf yiri daarihiyo fookha
Albaabkiyo bangiga daahyadiyo daaqadaha laabtay
Markii Doolarkii laba kun tegey Shilina loo deyrshay
Digsi qura markii lagu karsaday boqol kun oo deyn ah
Derajiyo nin maaliyo faqiir daasad wada qaatay
Dabaqada dhamaantood sinmoo dhega maddiiloobay
Darandoori boob dil iyo dhac iyo dil iyo tuugeysi
Dalkoo gebigii wada qiiqayoon duul rabaa jirin
Daacuun koley tahay marbaa laga dawoowaaye
Xaaraama Cune nooga daran diifihii dhacaye

Marka qoon is doorshaa Rabina dooriyaa badiye
Iyagoo aan diin iyo sharci iyo daacad uga jeedin
Naagahaan daboolkiyo wajiga daaha adag saartay
Ee duluca kii raba u fura niman la doorsoomay
Ee Quraanka Eebiyo dulmiyey diinta magaceeda
Ee rasuulkii loo diray xaqiyo diiday amarkiisa
Dulligaa abuurmiyo xumahaa la isla daaweystey
Dembigey wadaageen kuwaa ducufku maansheeyey
Ayaa caro Ilaahay degdeg ah loogu soo diray
Alley lehe tanaa nooga daran Kud iyo Diihaale

Afartaa tobnaad baa laga degay degaladeeniiye
Haddii aan daaweeyuhu daaweyn dabar go’ weeyaane
Cafi iyo daryeel iyo Allaa bixiya deeq weyne
Hareeraha dabkaa nooga baxay belada duulduushay
Keligii ayaa damin karoo daacad loo yahay
Aan durraarto Eebbaan baryada diidin kharka lehe

Daayimow Allahayow addoon daallan baan ahaye
Dalkii aan ku noolaa waqtigaan samihii loo diidye
Dagaallada sokeeyaa ka dhigay buul yaroo dumaye
Dariiqadiyo jidkii la go’ay lamana deyn ruuxe
Dad Islaama dhiigood ayaa lagu ducaystaaye
Qalbi daahiriyo way dhinteen wada jirdoonkiiye
Duddada is xigtiyo dhalashadii la isku dayn waaye
Duqaydiyo carruurtii ku lume culimaa’u-diinkiye
Eebbow dugaalkiyo naqii la isu dacareeye
Kala daadannoo waxaanu nahay dab iyo baaruude
Eebow rogaal iyo dabraaba nalagu duufduufye
Kuma dhaqanno diintiyo sharcigii daahirka ahaaye
Eebow wax baa nagu dul degay duubanoo culuse
Eebow dad qooqoo kibraa kiciyey duufaane
Deeqaad nasiisiyo nicmadii daaday dheregiiye
Eebow dadkaagii ku lume laba dab qiiqoode
Dana gaara ooy niman wataan qarax kasoo duulay
Malaayiin dada lagu rogoo aan dareen qabine
Baqdin iyo cabsaa nalagu dul furay doog iyo ayaane
Naxdin darartay baa lagu lisaa doobigii culane
Rabbow diricyadii naga le’diyo doorar iyo wiile
Habar waliba kay dihatay bay dib ugu ooydaaye
Eebbow dad-qalatooy in baa dooxday ubadkiiye
Kaama ay dahsoonoo Adaa doc walba ogsoone
Adaa meesha debecdiyo yaqaan daaqaddii furane
Adaa dulinku kuu muuqday iyo dakharadiisiiye
Dibadda iyo adaa gudaha iyo deyr walba jooga
Inaad noo danaysaan Rabbow kaa duransadaye
Rabbow dacartii naga buuxday iyo doogihii kaca’e
Dildilaace nabaradii bukiyo boogihii duraye
Debce seedahaygii jirkiyo xididdadeydiiye
Samirkii iyo dulqaadkii qofnimo daalyey oo dhimaye
Dubba culusi ruuxuu ku dhaco daamankaa jaba’e
Eebbow ilkihii daate oo waan dulaaqnahaye
Dagaal wax uga khayr daran markay deris coloobaane
Eebow wax la isku diray waa ul iyo diirkeede
Eebbow dullaanu is badnaye adigu noo doori
Duulkii la rogay kama duwani Saalax diidmadiye
Duufaankii Nebi Nuux haddaadan dooni naga saarin
Eebbow dhulkoo nala dumaa waa dareen culuse
Carab dalab leh kuguma aan baryine daacad baan ahaye
Eebbow ma dayrsan haye danihi waa saane

Eebow dadaan caasi noqon oo daahiraa jira’e
Eebbow saqiir dalandaloo door la’ baa jira’e
Weliyaal aan daxalaysan oo diin leh baa jira’e
Dad karaamo iyo khayr leh oo aad doorataa jira’e
lsmudaadka Eebbow kumaan deynin baa jira’e
Eebbow kun dibintiyo khad ku leh daamankaa jira’e
Eebbow duqyaal ay cirradu deebtahaa jira’e
Digrigaaga Eebbow kumanyaal daa’imaa jira’e
Kumanyaal aan duugoobin oo duugan baa jira’e
Eebbow kun deelqaaf ka dhacay diidan baa jira’e
Eebbow kun daakira cirkoo daahan baa jira’e
Makhluuqaan diiwaangashiyo dooranoow Maxamad’e
Eebbow intaasaan dartood kuu duransaday’e
Naxariis daryeel aadmiyaan kaa dalbanaayaaye
Eeboow dullaana habsadaye adigu noo doori

Isu soo dun Eebboow khalqiga kala dugaagoobay
Eebbow walaalaha is dilay baaji dirirtooda
Eebbow dabeyl caafimaad mari damiirkooda
Eebbow dakane waa belee qari wixii daatay
Eebbow addoon kama dalbane Daa’in baan iriye
Sidaad diinka qoloftiisa adag haadda uga daahdey
Eebbow wax kheyroo deg deg ah nagu dawey maantay
Dad Islaama oo saan noqdaa waa daliilnimo’e
Danta cadowga weeyiyo Abraha digashadiisiiye
Kii yiri Kacbada soo dunshaan daris wadaagnaaye
Cid kaloo dib noo eegtiyo duul kalaa jirine
Dalladaada Eebbow ku qari ceebtayada daadsan.

[sawir: Maxamad Xirsi Yamyam]

Sheeko Macquula

Sida la sheegay waxaa jirey nin Jareer ah, oo magaciisa la yiraahdo Muudey oo ahaa sharqaanle Maxamad Siyaad markii uu askariga ahaa isaga iyo carruurtiisaba dharka u toli jirey, reerkana xiriir wacan la lahaa. Maxamad Siyaad markuu madaxweynaha noqday, wuxuu abaal gud u siiyey lacag badan, guriga iyo xafiiska madaxtooyadana lagama celin jirin. Muudey wuxuu guursaday laba naagood oo la kala yiraahdo Bocor iyo Boolaay, wuxuu dhistay guri, wuxuu furtay dukaan iyo sharqaan dharka lagu tolo oo afar makiinadood taalay.

1988kii ilaa 1989kii markii dagaaladu ka bilowdeen gobolada waqooyi iyo gobolada dhexe, Muudey wuxuu maqlay gobolada waqooyi dagaalaa ka socda, gobolada dhexe waa lagu diriray, Beledweyne waa la weeraray, Muudey wuu cabsaday, wuxuu u tagay Maxamad Siyaad, waxaana dhex martay sheekadaan:

Muudey: Jaale Siyaadow, adiga aabahay aa tahay, waa i dhaqaalaysay, muggoo waa ii dadaashay, haddaan lama naagaan aroosay, aniga waxaan qabaa sharqaan iyo dukaan waa buuxaa mahaddaa Ilaah baa leh, maalkaas adaa i siiyey la’aantaa abaar waaye, beryahaan dagaallaan maqloow haayaa, dad diloow aa la sheegoow haayaa, Beledweynaa la isku galay aa dhegehayga kusoo dhacoow haayaa, warkaas run miyaa?

Siyaad: Aah aah aah, waxaasi cayaar waaye orod shaqadaadii qabso.

Muudey: Cayaar miyaa, aabbe Siyaadoow? Ani waa cabsaday soo dhawaaw.

Laba todobaad kadib Muudey wuxuu maqlay Beledweyne dadaa lagu dilay, dariiqa baabuuraa lagu dhacay, Buuloburde waa la qabsaday, Jawhar waa la galay, Caliyoow aweyskii Shiidle waa la dilay, maalkiisii waa la boobay, dadkii waa kala orday, arrintu sidii hore ma aha.

Muudey: Aabbe Siyaad waxaas dhahay ciyaar ciyaar waaye, isaga been muu sheegoow haayaa? Mayey mayey, aabbe Siyaad hadalkiisa run waaye.

Muudey habeenkii dambe raadiyuhuu dhegeystay, wuxuu maqlay burcaddii Beledweyne dagaal ayey gelisay, Buulaburde waa laga qaxay, Jalalaqsi iyo Jawhar burcaddii waa soo gaartay, askari Booliiska dawladda ah waa la dilay, laba kale waa la dhaawacay, dukaamadii waa la boobay. Muudey waa wareersaday, waxaas wacay labadiisii naagood.

Muudey: Boolaay ma i maqloow haaysaa, hoow, waraa la sheegoow haayaa, Bocor aaway?

Boolaay: Bocor dukaaney gadoow haaysaa.

Muudey: Wac hee waraa la sheegoow haayaa, dukaanka soo xir hee.

Bocor: Muudey maxaa ku daaray? Magaalada nabad waaye. Adiga walaxaad sheegoow haysaa?

Boolaay: Bocor waa tan dukaankii waa soo xirtay.

Muudey: Bocor iyo Boolaay i maqla muggoo raadiyaha warankiisa ma dhegeysanoo.

Bocor iyo Boolaay: Mayeey mayeey.

Muudey: Aniga nafteyda raadiyaha waa dhegeystay dhegehaygaan ku maqlay, Mahaddaay weeyn iyo mihii qaxootiga Jalalaqsi iyo buundo Jawhar, Beled Eyle iyo Shiidle waa la isku galay dadkii waa la dildilay, dukaamadii eberaa laga dhigay, askartii dawladda ee buntukhda qabtay waa la buk dhabay, rabshaa la sheegaa muggoo aniga waa baxaa, hadda aabbe Siyaadaan u tagaa, xaalkaan waa soo warsahaa sida aas yahay, isaga been ma sheegaayo hadalkiisa run waaye.

Ilaaliye: Joogso! Maxaad ahayd?

Muudey: Muudey waaye hee.

Taliye: Dhaaf, dhaaf. Soo daa, Muudey waa la yaqaan.

Xoghaye: Haye, Muudey? Nabad miyaa? Xaggee rabtaa?

Muudey: Nabad waaye. Baaba Siyaadaan rabaa.

Xoghaye: Ma dhar baa la tolaa?

Muudey: Waa fiiri haa, salaan u socdaa.

Xoghaye: Waa lala joogaa, hase ahaatee u gal adiga lagaa celin maayo.

Muudey: Baaba Siyaadoow nabad mo ohoo? Salaan lee kuugu imi. Iska waran jirro ma ka fiyoobidoo?

Siyaad: Salaantii waa lagaa qaaday, maxaa kaloo daran? Ah ah ah!

Muudey: Baaba Siyaadoow aniga raali aan kaa ahay waa i dhaqaalaysay, waan ku jeclahay, barwaaqo waa qabaa, lama naagaan aroosay, waan kuu sheegay Bocor iyo Boolaay, dukaan weyn iyo afar sharqaan waa qabaa, mar hore aniga waa kuu imi, dagaallaa la sheegoow haayaa, hadana cawadaan raadiyahaan dhegeystay, war aan ka maqlay, Mahadaay iyo Jawhar waa la isku galay, askari dawlo waa la dildilay, dukaamadii waa la dhacay eberaa laga dhigay, dad badan waa kasoo ordeen, raadiyaha been maas sheegaa? Muggoo aniga waa cabsooday, adiga war waa qabtaa, aniga dad kale warkiis ma ku jiro.

Siyaad: Aah aah aah, waxaasi cayaar waaye ha maqlin, orod gurigaagii qabo oo shaqeyso.

Muudey: Baaba Siyaadow adiga mar hore waa ii sheegtay ciyaar ciyaar waaye, adiga hadalkaaga run waaye, ciyaarta fiinaalkeeda Xamar ma ahoo? Aah aah aah?

Maxaa Dhaliyey Dagaalkii Abgaal iyo Gaalgale?

Sida runtaa ololihii dawladdii Kacaanka lagaga qaaday gobolada dhexe iyo Muqdisho waxaa ka qayb galay qabaa’il badan oo Hawiye iyo Xawaadle hogaanka u hayaan, waxaana hormuud u ahaa qabaa’ilka Habargidir gaar ahaan qabiilka Sacad oo habka siyaasadda ugu ilbaxsanaa xagga dhaqaalahana ugu hodonsanaa, waxay ku dadaaleen in qabaa’ilka Hawiyaha oo dhami dagaalkaa ka qayb galaan oo aanay u kala harin, hase yeeshee waxaa ka maagtay qabiilka Abgaal oo qabaa’ilka Hawiyaha ugu tira badnaa laguna yaqaan dulqaad badan iyo dareen culus oo aan marna dawladda xumaanteeda ku dhiiran, waayo? Ruug caddaayada Abgaal waxay u arkaayeen dhibaatada dagaalka dhaca ka timaada in ay dhulkooda saamayn weyn ku yeelanayso, sidaan fasalkii hore kusoo xusnay qorshaha dagaalka waxaa kamid ahaa in lagu dadaalo sidii qabiilka Abgaal dagaalka loo gelin lahaa, hase yeeshee waxaa adkaatay wadadii loo mari lahaa.

Hadaba sida dhaqanka Soomaalidu u badan yahay, qabiil kasta oo qabaa’ilka Soomaalida kamid ah meel kasta ha degee, waxaa ku dhex jira qabiil yar ama qabaa’il yaryar oo aan la hayb ahayn, hase ahaatee la dhaqma oo dhib iyo dheefba la wadaaga, hadaba waxaa jira qabiil yar oo qabaa’ilka Abgaal la degenaa muddo 200 oo sano ka badan, dhexdoodana ku tarmay, qabiilkaas oo la yiraahdo Gaalgale Abgaalku waa liidi jireen, hase yeeshee waxay ahaayeen niman geed adag oo geesi wada ah kuna faana in asalkoodu ku abtirsada Daarood Majeerteen.

Sidaan meela kala duwan kusoo xusnay taliskii Siyaad Barre siyaasaddiisa waxaa ka mid ahaa in shacbiga Soomaalidu is dhex galo, xeerarkii hore ee qabaa’ilku ku dhaqmi jireenna laga tago, dhul la kala sheegtaa iyo dhaqan la kala soocaa midna aanu jirin, taasina waxay keentay in wax waliba meeshoodii hore ka dhaqaaqaan, xagga deegaanka iyo xagga dhaqanka, qabiilkii Gaalgale waxay caddeysteen sidey horeyba u sheegan jireen in ay yihiin Daarood, Majeerteen, Maxamuud Saleebaan oo la yiraahdo Nuux Maxamuud.

Hadaba sida la sheegay belo ka talisyadii fidmada abaabulaayey waxay qorsheeyeen in dawladda iyo qabiilka Abgaal dab laga dhex shido si aan qabiilka Abgaal dagaalka uga harin, waxaa si qarsoodi ah loo hubeeyey kooxa dooxata ah, qaarkood waxaa la dejiyey hoteelada Hawiyuhu Muqdisho ku lahaayeen, waxaa la faray in ay habeenkii iyagoo hubeysan gashadaan dharka ciidanka madaxtooyada ilaaliya amarada madaxweynaha kasoo baxana fuliya oo loo yaqaan Koofiyad Cas, in ay si dadban habeenimada u qabqabtaan dhallinyarada Abgaal iyagoo si maldahan isu muujinaaya in ay amarada dawladda fulinaayaan qabiilka Mareexaanna yihiin, kadibna markay hubsadaan in ay Abgaal yihiin qaarna laayaan maydkoodana jidadka dhigaan, qaarna siidaayaan, markaa kooxdii falka geysatay iyo kuwii la siidaayey magaalada ku faafiyaan in ciidamada Koofiyad Cas ka dambeeyey raggaa la laayey, waxaana [] ahaa oo tusay niman Gaalgale ah oo Abgaalka aad ukala yaqaana, kadib Abgaalkii iyagoo aan taa hubsan waxay dileen dhawr nin oo Gaalgale ah, Gaalgalihiina iyagoo ka aargudanaaya waxay dileen dhowr nin oo Abgaal ah, [] qaar kalena waxaa loo diray tuulooyinka iyo baadiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe [] oo Abgaalka iyo Gaalgaluhu wada daganaayeen si ay dil iyo qas kaasoo kale [] ridaan xoolana uga dhacaan eedana Gaalgale la saaro.

Markii dawladdu qulquladahaas iyo dicaayaddaas beentaa oo laga faafiyay ogaatay, waxaa erga loo diray cuqaasha Abgaal si looga dhaadhiciyo [] falalkaas iyo dicaayadahaas been abuurka ah looga jeedo jahawareerin iyo [] dir laga dhex abuuro dawladda iyo shacbiga. Sida runtaa duqaydii Abgaal hadalkaa waa garwaaqsadeen, sida la sheegay Maxamad Siyaad wuxuu ku [] kaftamay: “Nin gurigiisii soo gubay yuu gurigiina gubin.” Hase yeeshee dhallinyaro colaad moog ah ayaa ka hor timi duqaydii iyagoo heshiis ay dawladda la galeen diidan waxay ku shirbeen: “Ubba abeeso ku jirtaa Abgaal ku istijoon rabaa.”

Gaalgalena xitaa guryihiina waa ka gubeen, beerihiina waa ka baabi’iyeen. Abgaalkuna sidaasay dagaalkii ku galeen oo ay qabaa’ilka Hawiye iyo Xawaadle kula bahoobeen, hase ahatee lix bilood kadib Abgaalku isbahaysigaas waa ka qoomameeyeen, waxay ku cataabeen Maxamad Siyaad baa nala taliyey [] waanaan af garan iyagoo hibanaaya hadalkii ahaa: “Nin gurigiisa soo gubay yuu gurigiina gubin.” Hadaba ayadoo afar sano kasoo wareegtey, su’aasha [] weydiinaayaa waxay tahay: isbahaysigii muxuu ku dambeeyey?

Qaxa iyo kala cararku markuu Muqdisho ka dhacay oo dad oo [] caasimadda ka qaxay Maxamad Siyaadna ka baxay, Gaalgale garab iyo gaashaan midna ma hayn Abgaalna waa goobaayaan waxay gacan [] dhigaanna waa gumaadaayaan qaarkood horey bay u qaxeen qaarna du [] galeen, qaarna xarumaha xertey galeen (mawlac)*. Bishii Febraayo 1991kii galab keliya ayaa Abgaalku ku dileen 73 nin oo Gaalgale ah dugsiga Maxamuud Axmad Cali ee degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, [] laga soo qabtay gobolka Shabeelaha Hoose iyagoo qax ah, Cali Mahdi [] oo ururka Yuu.Es.Sii madaxweyne u doortey iyo Xuseen Xaaji Maxamad [] garabkii Yuu.Es.Sii ee Muqdisho guddoomiye u ahaa dilkooda galabtaa [] daawanaayeen waxna kama qaban kamana xumayn.

Kacdoonkii Muqdisho 30/12/1990kii

Waxaan horey u soo sheegnay abaabulkii iyo qaban qaabadii ururka Yuu.Es.Sii qaaday iyo siduu ciidamada qabaa’ilka Hawiyaha iyo Xawaadlaha ka koobnaa isugu dumay, hadaba waxaa haboon intaanan guda gelin dagaalladii Muqdisho ka dhacay oo lagu magacaabay Kacdoonka Dadweynaha hase ahaatee noqday kacdoonkii aan la mahdin in aan faalla gaaban ka bixino hab nololeedkii bulshada Soomaaliyeed heerkuu maraayey iyo jawiga magaala madaxda Muqdisho xaalkeedu siduu ahaa.

Sidaan fasalkii hore kusoo xusnay, bishii Oktoobar 1990kii magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday qas iyo qalalaase iyo bannaan baxyo rabshada wata, sidaa awgeed magaaladu ma deganeyn, dadkuna nabad gelyo iyo kalsooni buuxda ma haysan, walwal iyo walaac baa ku abuurmay, mas’uuliyiintii dawladda qaarkood iyo maalqabeenka badankoodii intey hantidoodii lacagta adag u bedesheen bey bangiyada dibadda dhigteen, xaasaskii iyo carruurtiina dalalka dibaddey geysteen, dhallinyaradii iyo aqoon yahanadii rag iyo haween wadankii waa laga hiyi kacay, dalalka dibaddaa loo yaacay, dadku waa wada safar wixii la isweydiiyaa waa baasaboor iyo fiiso iyo maxaad ii qaban kartaa? Xafiisyadii qaybta socdaalka ee Ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabadsugida, hawl wadeenada dawladda iyo safaaradihii ajnabiga ahaa waa la dhibay, meel loo kala maraa la waayey, guryaha la iibinaayo, baabuurta la gadaayo, laaluushka iyo calaacalka lala kala ordaayo si qofka wax loogu qabto waa lala ashqaraaray, dhibaatadaa sii kordheysa dawladdu waa arkeysay hase ahatee si wax looga qabtaa waa adkeyd, waayo? Waddo kale oo loo leexiyaa ma jirto.

Gobolada dalka oo dhan baa laga soo guuray, magaala madaxdaa la isugu yimid, Muqdisho waa kartay, dadkii baa ka batay, meel la kala degaa la waayey, waayadaa waxaa lagu sheekeystaa shantii Soomaaliyeed baa Muqdisho isugu timid, Maxamad Siyaad wuxuu yiri, “Hargeysaa foolatay waxay dhashayna waa la arkay, Muqdishaa foolanaysee waxay dhasho aan aragno.” Hase ahaatee hadalkaa ma oran ee waa laga sameeyey, dhaca, boobka iyo falaad xumada bilahaa wadanka ka jirtey iyo xumaanta la falkinaayaa ma yareyn. Dibin daabyada la maleegaayo, dulmiga iyo beenta la faafinaayo, dagaalka dadka qaarkiis waa ku farxaa waa yaab! Maalin aan fogayn magaalada Muqdisho dagaal baa ka dhici doona, odoyaasha reer Xamar oo wax xiddigin jirey waxay yiraahdeen, “Dhiigga magaalada Xamar ku daata badduu galaayaa.” Taa waayadii dambe waxaa lagu fasiray dadkii xaafadaha iyo waddooyinka laamiga ah lagu laayey dhiigoodii ku daatay markii roobkii dhaqay biyihii iyagoo dhiigii wada ayey badda ku dareen.

Bishii Diseembar horraanteedii 1990kii goor talo fara ka baxday [] jirey wuxuu isku dayey in ay nabad galyada gabalkeed dhacay iyo xasilo [] iyo dhibaatada magaalada Muqdisho ka oogan wax ka qabtaan, wax [] geliyey kooxo Ciidanka Booliiska ah, mas’uuliyiinta nabad gelyada ilaa [] xilsaaraa, sida runtaa hawsha fulinteeda daacad uma ahayn, waayo? Wasiirka Arimaha Gudaha, gudoomiyaha gobolka Banaadir, duqa magaalada Muqdisho iyo la-taliyaha Ciidamada Asluubta waxay ahaayeen qabaa’ilka Hawiyaha, [] Ciidamada Booliiska oo waliba Maxamad Siyaad gabar uu dhalay [] kastoo uu ahaa reer Aw-Xasan wuxuu gacan saar la lahaa Hawiyaha, [] nabad gelyada badankoodu wuxuu ahaa qabaa’ilka Hawiyaha iyo Isaaq [] ujeedo ahaa, waxay taageero siinaayeen ururka Yuu.Es.Sii.

Hawl-wadeenka Daaroodku niyadda kuma hayn in ay daafacaan xukunka Siyaad Barre, qabaa’ilka Hawiyahana kama fileyn dil, gumaad iyo waxay ku kaceen oo dhan mana maleyneyn in ay naceyb iyo colaad [] gaartey Daaroodka u qabaan, dadweynaha Soomaaliyeed guud ahaan [] qabeen fikrad ah in aan nabad gelyo iyo degenaan la heleyn haddaan Maxamad Siyaad xukunka ka degin. Dadka badankiisu wuxuu haystay qoryo Banaa [] isku ilaaliyaan, hubkii Ciidamada Qalabka Sida laga iibsaday ayaa ya [] ahaan guryaha Mareexaanka oo xoolihii ummadda afka u dhigtay sidi [] iyo Hawiyaha oo dagaal heegan u ahaa, sidaa awgeed fidmada lama dejin kareyn.

Si kastaba arrintu ha u dhacdee waxaa la qabqabtay dad badan [] magacaabay burcad iyo qowleysato, markii hawshaa lagu dhaqaaqay arrintu waa ka sii dartay, waayo? Dicaayad shaqada dawladda ku wajahan ayaa ka h[] waxaad arkeysaa dadkii oo waashay oo waxay leeyihiin tan waxba lagama qaban karo oo aan belo iyo baas mooyee aan wax wanaagsan ku carra baabeyn.

Waxay taladu galaba heer joogtaba, dabayaaqadii bishii Disembar ciidamada qabaa’ilka Hawiyaha oo dhan waxay isku urursadeen meel magaalada Muqdisho daafteeda waqooyi ah oo la yiraahdo Ceel Cirfid maalintaa [] ciidamada reer baadiyaha u badnaa, waxaa hogaaminaayey oo dagaal gelinaayey saraakiil Ciidamada Xooga Dalka kamid ahaan jirey iyo odoyaal maqaarsaar ahaa oo dhallinyarada reer baadiyaha ah hab maamulkooda yaqaan amar [] ay maqlaan, saraakiishii hawsha wadey taladii waa laga qaaday, maamulki waxaa la wareegay maalqabeen shaarkii siyaasadda gashaday iyo odoyaashii maqaarsaarka ahaa oo sida runtaa labaduba aanay maamulka siyaasadeed iyo hoggaaminta ciidanka waxba ka aqoon.

Ugu horreyntii ciidamadii waxay ukala saareen qabiil qabiil, qabiil walbana waxaa lagu aadiyey aaga magaalada Muqdisho deegaankiisu u badan yahay, waxaa hubaal ah taliskii dalka ka jirey hadduu maalintaas u qalab qaato difaaca jiritaankiisa saacado badan kuma qaadateen in uu ciidamadaas burburiyo, hase yeeshee burjigii xukunka iyo xiddigii dawladda ayaa dhacay, mar haddii xiddigu kaa qalloocdo qadankuna kaa xumaado waxba kuuma hagaagaan.

Bishii Diseembar 1990kii maalmihii ugu dambeeyey iyo bishii Jannaayo 1991kii maalmihii ugu horreeyey degmooyinka dhinaca waqooyi ee magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday dagaal kacdoon qaab xun oo aan qorshe iyo nidaam midna lahayn oo ay wadeen mooryaan is urursatay, tagsiile, baabuurey, kawaanle, xamaali, suuqjoog, dibjir iyo dayday. In kastoo dawladdu isku daydey in ay qaskaa iyo rabshadaa ka hor tagto uma suura gelin in ay joojiso, waayo? Waxaa jirey naceyb iyo khilaaf aan kasmo lahayn. Guud ahaan dadweynuhu wuxuu jeclaa in isbedella siyaasadeed wadanka ka dhacaan, waayo? Soomaalidu waxay nacday taliskii jirey iyo maamulkiisii dheeraaday oo muddo 21ka sano ah dalka ka dhisnaa, taasoo shacbiga ula ekaatay sidii cadow shisheeye ah, odayaashii bayaanka qaarkood waxay isku dayeen in ay arrinta qaboojiyaan si aan shacbiga Soomaaliyeed dhiigiisu isugu daadan dadna ugu dhiman, magaaladana wax yeelo u soo gaarin.

3dii bishii Janaayo 1991kii dawladda iyo odayaashii bayaanku waxay dhiseen guddi lagu magacaabay Sulux oo xaaladda dhexdhexaadiya, waxaa lagu dhawaaqay xabbad joojin, hase ahaatee ma hirgelin, waayo? Koox Caydiid watay ayaa gaashaanka ku dhifatay, wax kastaana waxay burburiyeen markii si bareer ah loo dilay labadii nin ee heshiiska iyo dhexdhexaadinta hormuudka u ahaa oo kala ahaa Xaajil Muuse Boqor Cusmaan iyo Xaashi Weheliye Maalin. Iyagoo gargalyo iyo xabbad joojin ka waday dawladda iyo qabaa’ilkii ku middeysnaa ururka Yuu.Es.Sii. dhexdooda waxaa dilay taageerayaal Yuu.Es.Sii garabka Caydiid madaxda ka ahaa, waayo waxay ahaayeen laba nin oo dadweynaha dhexdiisa haybad iyo qadarin wayn ku lahaa, waxaa laga cabsi qabay in labadaa midkood Maxamad Siyaad bedelo.

Saraakiil xog-ogaal ahi siday sheegeen ciidamadii isbahaysigii ururka Yuu.Es.Sii ee magaalada Muqdisho waxaa dagaal gelintooda madax ka ahaa Janaraal Maxamad Nuur Galaal oo kamid ahaa Golaha Dhexe ee X.H.K.S iyo guddiga joogtadaa ee Golaha Shacabka Qaranka. Bishii Janaayo horraanteedii ayey safaaradihii shisheeye iyo hay’adihii ajnabiga ahaa oo dalka mashaariicda horumarinta ka waday iyo jaaliyadihii Carabta, Hindida iyo Bakistaaniyiin iyo siyaasiyiintii dawladda qaarkood dalka ka baxeen, markay arkeen jihada dabeyshu u socoto, waayo? Waxaa aad looga cabsi qabay in Siyaad Barre uu tallaabo adag qaado.

Bishii Janaayo bartamaheedii ayaa qabiilka Mareexaanka oo dawladda [] u ahaa ciidan iyo shacbi waxay bilaabeen in ay xaasaskooda iyo xool [] magaalada Muqdisho kala baxaan, dabadeedna dadkii gobolada kasoo [] iyo dadweynihii Muqdisho deganaa oo xabbadda dhawaaqeedu la ahayd [] mucjisa ah oo aan horey loo arag dhamaan waxay bilaabeen qax iyo kala [] markay madaafiicda jugteedii ka argagaxeen una adkeysan waayeen, dagaalkii wuxuu ku fiday degmooyinka dhanka waqooyi, taasina waxay fursad [] burcaddii iyo mooryaantii wax boobaysay, dawladii iyo qorshaheedii waxaa [] khal khal, dadkiina waxaa ku dhacay jahawareer iyo madax dhul la dhac. Maxamad Siyaad oo daarta madaxtooyada ee Fila Soomaaliya [] wuxuu difaac ka xirtay dhowr goobood oo istiraatiiji hal bowle ah, hase yeeshee waxaa raja beel ku dhacay markii ilaaladiisii u soo sheegtay in ururka Es.Bii.Em Axmad Cumar Jees hogaaminaayey ay soo gaareen saldhiga ciidanka [] Balidoogle oo Muqdisho u jira 90 kiilomitir, halisna ay u yihiin in ay saa [] dib xiraan jidka weyn ee isku xira magaala madaxda Muqdisho iyo gobolka Jubadda Hoose, waana wadada kaliya ee u furneyd, dabadeedna wuxuu [] Maxamad Siyaad in uu Muqdisho ka baxo inta aanu laba ciidan oo cadow [] dhex gelin.

Laba aqoonyahan oo 25kii Janaayo 5tii galabnimo gurigiisa madaxtooyada ugu tegay waxay yiraahdeen, “Waxaanu u tagnay isagoo dharkiisa isku joog [] quruxda badnaa gashan gacantana ku haysta buug iyo ul yar oo dhalaaleysa [] moodo in uu caawa shir caalamiya ka qayb galaayo, aadna u degan oo wa [] ahina ayan ka muuqan, koox baabuur ah iyo cutub ciidana baa heegan [] aragtidayada waxay nala noqotay in shaqada madaxtooyadu ay si caadiya u [] wuxuu noogu maahmaahay dagaal dhex maray laba qabiil oo Habargidir [] kala ahaa Sacad iyo Suleymaan 50 sano ka hor maahmaah ku baxday oo [] nin Suleymaan ah ayaa si xun u eryaday nin Sacad ah markuu soo kuuriy [] qorigii (buntukhii) u tuuray bal in uu kaga haro markaasuu wuxuu ku yiri, “Dhigtid kaagamana haro mana bujin aqaan.” Malaha [] wuxuu ula jeeday mindhaa Hawiye idin kama haro. Gablan tala adduuney, maxay galabba heer joogtay.

26kii Janaayo 1991kii 8dii fiidnimo isagoo aan wax digniina bixinin cidina ka warqabin ayuu Jaalle Maxamad Siyaad Barre wadda laamiga ee Afgooye cagta saaray oo Kismaayo ku waaberiistey. 9kii subaxnimo ayaa si rasmi ah looga war helay in uu xalay Muqdisho ka baxay, halkaa waxaa ku dhamaaday awoodii Kacaanka iyo xukunkii qallafsanaa ee Guulwade Siyaad oo sacabka iyo daramalka loogu garaacaayey 21 sano, waxaa jirey gabayuu mariyey nin Isaaqa oo la oran jiray Dhoola Yare oo hal-ku-dhigiisu ahaa:

Habar Yoonis waagii horaan waafi la ahaaye
Weedhaan iraahdaa marbay waran ka toosnayde
Maantana waraabaha ka ciyey waran ka liitaaye
Nin wanaag ku ceyshayba mar baa waayir xirayaaye.

Faallo

26kii bishii Janaayo 1991kii subaxnimadii markii la hubsaday in Maxamad Siyaad Barre magaalada Muqdisho xalay ka baxay, waxaa habooneyd in lagu dhaqaaqo afar arimood oo sida runtaa haddii la yeelo guul wacan lagu gaari lahaa, dhibaatada Soomaaliya ku dhacdayna aanay ku dhacdeen, arrimahaas oo kala ahaa:

  • In marka horeba la xakameeyo dhaqdhaqaaq kasta oo falal guracan ku kaca si looga gaashaanto ficil kasta oo dhici kara ama magaalada wax yeelo u keeni kara.
  • In ciidama ilaaliya la geeyo goobaha muhiimka ah iyo meelaha ilaha dhaqaale sida dekedda, garoonka dayuuradaha, bankiyada, haamaha shidaalka, warshadaha, xarumaha isgaarsiinta sida ideecadda, war laliska, talefishinka, boostada, saldhigyada taleefoonada, warshadaha dabka dhaliya, ceelasha biyaha iyo dhamaan wasaaradaha iyo hay’adaha, gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo goobaha hawlbowlaha dawladda u ahaa oo dhamaantood nabad qabay markii Maxamad Siyaad Muqdisho ka baxay.
  • In la dhiso guddi nabadgelyo oo magaalada iyo goobaha muhiimka ah iyo meelaha dawladda halbowlaha u ah kormeera.
  • In la isugu yeero madaxda ururadii loogu magac daray mucaaridka hubaysan kuwoodii xilligaa la aqoonsanaa iyo wax garadka Soomaalida ee lagama maarmaanka ahaa muddo gaabanna loo qabto.

Waxaan qabaa haddii maalintaa sidaa la yeelo in aan magaala madaxda boob iyo bililiqeysi ka dhaceen, shacbiga Soomaaliduna kala googo’ ku dhaceen, xaaladda murugtayna sidaa uma daba dheeraateen, hase ahaatee nasiib darro taasi ma dhicin. Gabyaa Soomaaliyeed oo malaha taladii ka qaloocatay ayaa wuxuu ku calaacalay:

Ciilow ba’eey tala xumaan cudur ka weyneyne.

Markii dawladii Maxamad Siyaad Barre madaxda ka ahaa burburtay waxaa magaalo madaxda Muqdisho qabsaday qabaa’ilka Hawiyaha iyo Xawaadlaha oo ku mideysnaa ururka Yuu.Es.Sii. Intii laga fekeri lahaa dejinta shacbiga iyo xasilinta nabad gelyada magaalada caasimaddaa iyo badbaadinta hantida qaranka oo maalintaa boqolkiiba-99 nabad qabtay iyo hantida dadweynaha iyo abuurid jawi nabadeed iyo maamul siyaasadeed oo bulsha weynta Soomaaliyeed ee kala yaacday isu soo celiya iyo nidaam adduunweynaha soo jiita, waxaa loo fariistay faala kale iyo loolan gudahooda, iyagoo aan eegin danaha guud ee Soomaalida, waxaa tartan iyo loolan loo galay sidii qabaa’ilka Hawiyaha iyo Xawaadluhu jagooyinka dawladda u qaybsan lahaayeen ama madaxweyne kursiga ku fariista loo magacaabi lahaa, waa yaab, ma waxay moodeen in ay dantoodii gaareen? Maya. Waxaa la oran karaa taa waxaa ugu wacnaa laba arimood oo kala ahaa:

  • Marka hore ma lahayn wax qorshe ah oo u dhignaa, sidaa darteed waxay taladu ka bilaabeen yaan madaxweyne ka dhignaa, hebei ha laga dhigo iyo qabiil hebei hala siiyo. Doodii la galay waxay qaadatay saddex maalmood, dilka, dhaca, boobka iyo bililiqaysiga hantidii qaranka iyo tii dadweynaha, xasuuqa qabaa’ilka Daaroodka iyo Gaalgale iyo xaafad kasta oo xaafadaha magaalada Muqdisho ka mid ah waa socday, madaxdii ururka Yuu.Es.Sii-na waa daawanaayaan, waxaad moodaa in ay taa ku faraxsanaayeen.
  • Waxay diidanaayeen xukun askari oo kii Maxamad Siyaad ka dambeeya, waxaa laga yaabaa in ay ka cabsi qabeen in saraakiisha ciidamadu xukunka qabsadaan ama khalkhal galiyaan, sidaa awgeed waxay door bideen in ay si deg deg ah dawlad rayid ah u dhistaan iyagoo aan janaraalada xukun doonka ah kala tashan, waayo? Bishaa 27kii mar Caydiid damcay in uu Idaacadda Muqdisho hadal ka jeediyo si uu jabhadda Yuu.Es.Sii guusha ay gaartey ugu hambalyeeyo Mingisto Hayla Maryam oo dagaalkii gacan weyn ka geystey mahadnaq ugu diro waa loo diiday, maxaa yeelay? Wuxuu doonaayey in uu Maxamad Siyaad jagada ka bedelo, iyana taa waxay u arkaayeen kud ka guur oo qanja u guur.

Doorashadii Cali Mahdi

28kii Janaayo 1991kii waxaa madaxweyne ku-meel-gaar ah loo doortay Cali Mahdi Maxamad, isla maalintaa Cali Mahdi wuxuu ra’iisul wasaare u magacaabay Cumar Carte oo ahaa xubin kamid ah ururka Es.En.Em ee gobolada waqooyi, si uu u soo dhiso dawlad urur kaliya ka amar qaadata. Wax lala yaabo sow ma aha? Doorashada Cali Mahdi, magacaabida Cumar Carte, dhisidda dawladda oo aan midna ururadii kale iyo wax garadkii lagama maarmaanka ahaa laga tala gelin, taasina waa tan keentay in wax waliba marin habaabaan oo wadadii toosnayd ka bayraan, dalkuna u qaybsamo gobol gobol aan isu gudbi karin oo gobol walba qabiil ka taliyo.

Taladii waxay faraha ka baxday tiirarkii Jamhuuriyaddii Soomaaliya ku taagneyd kii ugu adkaana la jebiyey markii Cumar Carte oo Cali Mahdi ra’iisul wasaare u doortay ideecadda kaga dhawaaqay in Ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliyeed ee gobolada joogaa umrada hubeysan isu kala dhiibaan, amarkaasi wuxuu ahaa jabkii ugu xumaa oo ku dhaca dawladii dhalanteedka ahayd ee Cumar Carte dhisay. Maxaa ka dhashay? In ciidamadii isku duubnaa intii isku gobol ama isku qabiil ahayd, intey isa soocdaan hubkoodana horey u qaataan goboladii iyo qabaa’ilkii ay ka dhasheen aadaan dagaaladii qabiilna ka qayb galaan.

Taas sow kama habooneyn in la yiraahdo ciidamadii xeryahooda haku ekaadaan saraakiisha amarkooda ha raacaan, hawsha qaranka sidey u wadeen ha u wadaan, dawladana amar haka sugaan, umraduna ciidamada ma fara gelin karaan, dabadeedna halkaa laga amba qaado ciidankii qaranka oo dalka nabadgelyadiisa gudaha dejin lahaa difaaciisa dibaddana sugi lahaa? Waxaa jira maahmaah Soomaaliyeed oo oraneysa taladu markay ku garab joogto ma garato, markay ku garab dhaaftana ma gaadho.

Markii Maxamad Siyaad Muqdisho ka baxay, oo ururka Hawiyaha iyo Xawaadle oo ku mideysnaa Yuu.Es.Sii ay caasimadda Muqdisho qabsadeen ciidamadii ururka Es.Bii.Em oo Axmad Cumar Jees watayna gobolka Shabeelaha Hoose iyo gobolka Baay qabsadeen malaha qola waliba waxay ku fekertay sidey awooddeeda u muujin lahayd. Maalintii bisha Febrayoo ugu horeysay 1991kii waxaa magaalada Afgooye ku kulmay Axmad Cumar Jees iyo guddi ka socda ururka Yuu.Es.Sii. Guddigu waxay Axmad Cumar Jees kula taliyeen laba arimood oo kala ahaa:

  • in uu ciidamadiisa ka saaro gobolka Shabeelaha Hoose oo ku ekaado gobolka Baay iyo gobolada koonfureed,
  • in ururkiisa saddex wasiir oo dawladda uga qayb gala soo magacaabo.

Sida la sheegey saacado kadib waxaa Jees u tegay Caydiid oo fikrad taa ka duwan qabay, wuxuu ku yiri, “Aqbal in aad ciidamadaada ka saarto gobolka Shabeelaha Hoose, hase ahaatee ha ogolaan in aad dawladda la dhisaayo ka qayb gasho hana aqoonsan.” Ilko abeeso hoos ka xiriirsan, Caydiid sir baa u qarsoonayd oo wuxuu damacsanaa in uu Cali Mahdi afgembiyo oo dharaar cad xukunka dalka inqilaab ku qabsado, hase ahaatee murti Soomaaliyeed baa waxay leedahay, waxaad aadanow maagan tahay adiyo maankaagu iyo meel Ilaah ku marin kala mid weeyaane.

Hadaba Axmad Cumar Jees oo lagu yaqaan in uu yahay macangag madax adag oo aan taladiisa ku meel marin taladii Caydiid waa aqbalay, taladii gudiga ururka Yuu.Es.Sii u soo jeediyey labadii qodobba gaashaankuu ku dhiftay dabadeedna wuxuu xanibay baabuurtii Muqdisho geleysey iyo ceelashii shacbiga Muqdisho biyaha ka cabi jireen, taasina Hawiyaha oo markaa isku duubnaa waxay u qaateen amar diido cad iyo in xaaladdu si kale u janjeerto oo ninkii is bedelay.

Muqdisho iyo Maamulkii Ururkii Yuu.Es.Sii

Muqdisho waxay ahayd magaalo filwayn, qarniyaal badan soo jirtey oo maamula kala duwan soo martay, muddo hal qarni ka badan qaranka Soomaalida caasimad u ahayd, Soomaali iyo ajnabiba la wada deganaa, ummadda Soomaaliyeedna u ahayd xarunta lagu soo hirto mid gudaheeda degan iyo mid gobolada kale jira iyo mid geyi dheer u shaqa tegey, Soomaalidu dawlad iyo shacbiba waxay hanti tacbeen mid guud iyo mid gaar ahaaneed waxay ku dhiseen Muqdisho. Xukuumadihii dalka ka talinaayey tii rayidka ahayd iyo tii askartuba wixii mashaariic horumarin ahaa ee dalka laga sameeyey waxaa laga hirgaliyey Muqdisho gudaheeda iyo gobolada ku xeeran, siiba adeega bulshada, sida isgaarsiinta, socdaalka, ganacsiga, warshadaha wax soo saarka, beeraha, kalluumaysiga iyo wixi la mida. Hay’ado badan oo Soomaali iyo shisheeyaba leh ayaa ku dadaalay in ay Xamar maalgelin ku sameeyaan, maadaama ay tahay xarunta Soomaaliya, sidaa awgeed nin guri ka dhisa, nin hoosa ka waaba, nin ganacsi ka sameeyey, nin gobolada ku dhow beera ka tacbada iyo nin wax kale muraadaba magaalada Muqdisho aad baa loo degay loona dhisay.

Weerarkii ururka Yuu.Es.Sii Muqdisho ku qabsadeen 26kii bishii Jannaayo 1991kii sida runtaa ma lahayn wax qorsha ah oo habeysan iyo barnaamij lagu tala galay. Ciidamada jabhaddu ma lahayn calaamad gaar ah oo lagu yaqaan iyo astaan dadka kale lagaga garto, waxaa baaq u ahaa oo kaliya Yuu.Es.Sii taasna waxaa ka dhashay in qofkii jabhadda kamid ahaa iyo dhallintii aan kamid ahayn uu jabhad sheegto, kadibna waxaa dhacday in mooryaantii, tuugadii, burcaddii, iimaan laawihii, dembiilayaashii xabsiyada kasoo yaacay, dib jirkii, derbi jiifkii, daroogiistihii iyo qof kasta oo maalintaa doonaaya in uu wax dilo ama wax dhaco ama wax bililiqaysto jabhaddaa ku dhex dhuuntay, si uu magaceeda ugu adeegto, qabaa’ilka isbahaysiga ururka Yuu.Es.Sii ku abtirsada ha kamid ahaado ama kuwii gacansaarka la lahaa ha kamid ahaadee.

Markii taliskii dalka Soomaaliya ka jiray burburay, nidaamkii iyo kala dambeyntiina faraha ka baxeen adeegii guud ee bulshaduna kala daatay, Muqdisho waxay noqotay magaalo aan nidaam, nabad gelyo iyo kala dambeyni ka jirin, taladii waxaa la wareegay koox isugu jirta caaqiliin, maalqabeen, siyaasiyiin iyo odoyaal isku magacaabay Golaha Dhexe ee ururka Yuu.Es.Sii. Waxay ka koobnaayeen qabaa’ilka Hawiye iyo Xawaadlaha iyo qabaa’ilkii kale ay is bahaysteen oo ka qayb galay ololihii taliskii Kacaanka lagu afgembiyey. Sida runtaa kooxdaasi ma ahayn kuwo aragti siyaasadeed lahaa ama nidaam maamul dawladeed wax ka yaqaan, waxaa askar u ahaa reer baadiye gacan ku dhiigle ah oo hubkii qaranka mid culus iyo mid fududba wata oo magaalada afduubey.

Maalmihii hore waxaa la boobay bakhaaradii hubka qaranka lagu keydin jirey, xeryihii Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed waxay noqdeen goob ay isku herdiyaan ururo ciidamadii qaranka kamid ahaa iyo reer baadiye dhega la’ oo laga soo abaabulay koonfurta gobolada dhexe ee Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo daafaha waqooyi bari ee gobolka Banaadir oo dhamaantood ay duqaydii baadiyaha ku maamuli jirtey hor socdaan.

Maalmahaa qabiil walba iyo qof kastaaba wuxuu dadaal badan u galay siduu saami weyn uga heli lahaa hubkii dawladii burburtay mid culus iyo mid fududba, waxaa tartan loo galay baabuurta gaashaaman ee tiknikada loo yaqaan iyo qalabkii ciidamadu lahaayeen noocyadiisa kala duwan. Qabiilka Habargidir wuxuu ku taamaayey in uu galo kaalintii Mareexaan iyagoo saraakiishoodii socdaan maalmahaasey hubkii qaranka gacanta ku dhigeen waana waxay ku hanteen awooda dagaal ee dheeraadka ah.

Magaalada Muqdisho oo maamulkii hore ka koobnayd 15 degmo oo si toos ah u hoos imaan jirtey guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho waxaa laga dhigay shan qaybood oo kaliya, qayb kasta waxaa maamulkeeda iyo difaaceeda loo xilsaaray qabiil gaar ah, taa waxaa ka dhashay in qabiil walba dhallinyaradiisii burcadda ahayd qaybtaasi u noqoto magaalo dhaxal loo helay ama xoog lagu furtay, intey shacbigii qaybtaa dega qabiil qabiil u kala saareen qaarkood hayb qabiil u laayeen wixii hanti ahaana waa bililiqaysteen.

Waxaa la yaab lahaa maalin walba marka waagu beryo waxaa weerar lagu qaadaa xeryihii ciidamada, xafiisyadii dawladda, xarumihii wasaaradaha, wakaaladaha, bankiyadii lacagta, safaaradihii shisheeye, hay’adaha iyo ururada caalamigaa, dekeda iyo garoonka dayuuradaha iyo goobihii cilmiga ilbaxnimada, subax walba waxaa ku kulma dad ayax ka tira badan kuwa hore magaalada u qasaayey iyo kuwo dardartoodii qaba oo baadiyaha kasoo qamaamay markay maqleen in Muqdisho la qabsaday iyo markay arkeen rag baabuur bililiqaysteen soo rartay iyadoo horin waliba hamuun iyo harraad u qabto, dhac, boob iyo bililiqaysi hanti dawladeed iyo hanti dadweyne, iyagoo wax diidaaya iyo wax ka daaya yiraahda aanay jirin, iyagoo dhamaantood maanka iyo maskaxda ku haya in ay maantay hodmaan ama dhintaan, waayo? Sidaan meelo kala duwan ku sheegnay markii horaa dadkaa waxaa lagu damac geliyey si loo dagaal geliyo, dahabka, lacagta, dharka, dukaamada buux dhaafay ee daaraha Muqdisho yaal iyo baabuurta cad cad iyo magaalada karaar dhaaftey Daarood baa leh, hadaad calaf leedihiin haka qadina, qofkii dagaalka ka qayb qaataa waa mujaahid xaq u dirir ah, wixii hanti ah oo uu xoreysto ama gacanta ku dhigo nooc kastaba ha ahaatee isagaa leh.

Markaad eegto fikradda dadkaasi qabeen waxaad moodaa in ay la tahay wax kasta oo dalka yaal in Maxamad Siyaad lahaa, dadweynaha Muqdisho deganaa weligood ma arag dil, dhac iyo boob bareer ah, waxay arki jireen oo kaliya tuug guryaha gala oo markii lagu qayliyo carara, hase ahaatee waxay yaabeen markay arkeen dad ayax ka tira badan oo bakhaaradii, dukaamadii iyo guryihii ku qamaamey oo wax kasta boobaaya, waxaa ku dhacay argagax iyo naxdin gariir iyo jaah wareer, gaar ahaan dadka loo yaqaan Gibilcadda oo reer magaalka asalka ahaa, waxay la noqotay in Qiyaamihii diinta Islaamku sheegtey dhacay oo adduunkiiba la rogay.

21kii bishii Febraayo 1991kii waxaa ideecadda Raadiyaha Muqdisho laga siidaayey hadal uu jeediyey Alla ha u naxariistee Cali Geedi Shadoor oo ahaa waaya arag xog ogaal ah oo hadalkiisa aad loo tixgaliyo, wuxuu yiri, “Haddaan nahay ururka Yuu.Es.Sii dadka ku abtirsada, maamulka magaalada Muqdisho waxaanu haynay 21 maalmood, Maxamad Siyaadna wuxuu xukunka dalka hayey 21 sano, run Ilaah markaan u hadalno 21kaa maalmood oo aanu haynay dhibaatadaan gaysanay ayaa 10 jibaar ka baaxad weyn dhibaataduu Maxamad Siyaad geystey 21kaas sano oo uu xukunka dalka hayey, aniguna haddaan moodaayo in arrintu sidaan loo maamulaayo ururka Yuu.Es.Sii ma galeen kamana mid noqdeen.”

Qabaa’ilka Daaroodka ku abtirsada ee Muqdisho deganaa oo sida runtaa dilka, dhaca iyo boobka bar tilmaameedka u ahaa, caasimadda Muqdisho gudaheeda maahee gobolada ku xeeran dana dhaqaale mooye wax degaan ah oo la sheego kuma lahayn, sidaas awgeed markii horeba waxay u kala jabeen laba qaybood:

  • qayb u qaxday goboladii ay degaanka asalka ah u lahaayeen sida: Jubbada Hoose, Gedo iyo gobolada dhexe, waqooyi bari iyo waqooyi galbeed ee Soomaaliya.
  • qaybina Muqdisho iyo guryahoodii kama qaxin oo sidey iyaga la ahayd wax dhibaato ah ma filaynin, hase ahaatee taasi waa beenowday oo birtaa laga aslay, xasuuq iyo dhac kii ugu xumaa ayaa loo geystey.

Xasuuqaa iyo gumaadkaa lagu magacaabay Dabargoynta Daaroodka waxaa ka qayb qaatey oo lagu jeedey burcad reer baadiye ah oo markii horeba isbahaysiga Yuu.Es.Sii kusoo dagaal geliyey naceybka qabaa’ilka Daaroodka, dhac, boob, iyo bililiqaysi iyo mooryaan reer magaal ah oo aan xad lahayn, tuugadii iyo dambiilayaashii xabsiyada soo jabsadey iyo da’yartii dugsiyada ka yaacay kuwaasoo dhamaantood hubkii qarankii burburay gacanta u galay oo beryahaa u ahaayeen beri samaa ama fursad u soo martay, waxay degeen guryihii laga qaxay oo ku urursadeen waxay soo dhaceen, iyagoo leh waan xoreysanay, xitaa deriskii reerba kii xigay ayuu ku jeestey oo haweenkii iyo carruurtii boobkaa iyo xumaantaa waa ka qayb galeen qofba saami uu ka helaba.

Burcaddaa iyo mooryaantaa hubeysan oo is biirsatay ayaa weerar, dil, boob iyo bililiqaysi ku qaaday magaalada Muqdisho afarteeda gees. Waxaad moodaa in weerarkaas iyo boobkaasi ahaayeen kuwo horey loo qorsheeyey ama heshiis lagu ahaa, waayo? Markii wixii hanti qaran ahaa oo bakhaarada dawlada ku jirey iyo wixii qalab maamul ahaa ee xafiisyada dawladda hoos yiil nooc kasta ha ahaadee iyo hantidii safaaradaha shisheeye iyo hay’adaha caalamiga iyo shirkadaha ajnabigaa ahi lahaayeen la qaatay ninba qayb uu ka helaba, waxaa lagu leexday in wixii aan la qaadi karin la burburiyo ama la gubo iyo raadraaca dukamintiga la raad tiro, waxaa xusid mudan meelaha maalmihii ugu horreeyey la gubay waxaa kamid ahaa Bankigii Ganacsiga iyo Kaydka Soomaaliyeed iyo xaruntii iyo laamihii dawladda hoose ee Muqdisho si loo raad tiro waraaqihii dukumintiga Bangiga Ganacsigu lacagaha amaahdaa ku bixin jirey iyo kuwii kaydka iyo xusuus qorka, sugidda lahaanshaha guryaha, dhulka, dukaamada, ganacsiga, baabuurta, beeraha iyo wixi la mida.

Hadaba markaa kadib waxaa tartan hor leh loo galay hantidii guryihii laga qaxay hoos tiil iyo baabuurtii guryaha iyo garnashyada ku jirtey iyo wixii wada qaaliya ahaa oo aan tiradeeda cidi xisaabin karin. Waxaa dhacday arrin markii hore laga fiirsan oo wax yeelo keentay. Sidaan horey u soo sheegnay magaalada Muqdisho waxay ahayd meela la wada deganaa, daar iyo dukaan iyo bakhaar calaamad gaar ah oo qoys gaar ah lagu yaqaan lahaan jirin, sidaa awgeed dhacii iyo boobkii iyo bililiqaysigii deegaanka Muqdisho oo dhan waa saameeyey, bakhaarro, dukaamo iyo guryo badan oo qabaa’ilka Hawiyaha iyo Xawaadluhu iyo qabaa’ilkii ay gacansaarka lahaayeen waa la dhacay oo la bililiqaystay, dad badan oo Hawiye ahaa baa Daarood ahaan loo laayey gaar ahaan qabiilka Sacad, waayo? Majeerteenka Mudug iyo Sacad waa isku dhaqan dhaw yihiin, waxaa baxday maahmaahda oraah noqotay oo oranaysa, intaad Daarood fakaday noqon lahayd Hawiye Daarood noqo. Sidoo kale Dhulbahante badan baa ku baxsaday magaca Isaaq, waayo waa Isku hadal waana dad is jiliba yaqaan, inkastoo Isaaqa qudhiis Dhulbahantaha Hawiyaha farta ugu fiiqaayey.

Ummaddii mahiigaanka ahayd ee gobolada dhexe iyo baadiyaha fog ka soo duushey iyo kuway isku qabiilka ahaayeen ee reer magaalka ahaa oo Muqdisho qalalaasaha dagaal iyo boobka ka waday markey iskaashadeen si hawl yar bay magaalada isugu fidiyeen, dilka, dhaca iyo bililiqaysiguna wuxuu noqday sharcigay magaalada ku maamulaan, siday dadkaasi u fekeraayaan ama ay la tahay waxaad moodaa in ay dantoodii gaareen, sidaa awgeed farxadda iyo dabaal degga iyo damaashaadka ay ku jiraan waa lala yaabay.

Dadweynihii kale ee reer magaalka ahaa oo Muqdisho deganaa markii dadkoodii cawgiirta lagu dhigay, guryahoodiina cagta la mariyey, iyagoo oohin iyo calool xumo xaafadaha kula meereysanaaya waxay Eebbe ka tuugaan in uu keligii taliyihii Maxamad Siyaad Barre kusoo celiyo.

Markii wixii hanti ahaa oo magaalada Muqdisho yiil lagu kala baxay waxaa abuurmay burcad calooshood u shaqaystayaal ahaa oo uu hawl geliyey Cismaan Caato oo ahaa ninka ururka Yuu.Es.Sii garabka Janaraal Caydiid u qaabilsanaa xagga dhaqaalaha iyo kharajka taakuleynta dagaalka oo ka ganacsada alaabta qaaliga ah sida maarta, macdanta, naxaasta, matoorada iyo wershadaha oo dalalka dibadaha u dhoofin jirey si uu u helo lacagta adag kadibna kusoo bedeli jirey hubka, rasaasta, shidaalka, qaadka iyo daroogada maleeshiyada iyo burcadda lagu dagaal geliyo, kuwaasoo uu kula heshiiyey in ay usoo fujiyaan ama usoo furfuraan wixii maar, macdan iyo naxaas iyo warshad ahaa oo ku rakibnaa meel kasta, waxay ka bilaabeen goobihii xusuus taariikheed magaalada Muqdisho looga dhisay sida:

  • Muuqaalkii Taaladii Axmad Gurey oo ka dhisnayd fagaaraha Lambar 4,
  • Muuqaalkii Taaladii Sayid Maxamad Cabdulle Xasan oo ka dhisnayd Barxadda Daraawiishta ee kasoo horjeedka Golaha Shacbiga ee Waddada Jamaal Cabdinaasir.
  • Muuqaalkii taaladii 13kii aasaasay xisbigii Es.Waay.El 1943kii oo laga dhisay kasoo horjeedka Xarunta Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta ee Waddada Jamaal Cabdinaasir.
  • Muuqaalkii Taalada Dhagaxtuur ee 1949kii oo ka dhisnayd Waddada Jamaal Cabdinaasir.
  • Muuqaalkii Taaladii Xaawo Taako 1948kii oo laga dhisay kasoo horjeedka Madxafka Qaranka.
  • Waxaa la gurtay qalabkii xusuus taariikheedka oo Madxafka Qaranka iyo Muusiyamka Ummadda ku kaydsanaa oo nooc kasta lahaa.

Waxaa la fuqsaday wershadihii dawladda iyo kuwii dadweynaha oo sida la sheegay tiradoodu gaaraysay lixdan iyo dheeraad iyo qalabkii isgaarsiinta, waxay furfurteen xarkihii dabka korontada gudbin jirey iyo matooradii [] dhalinta iyo wax kasta oo qiima lahaa ama ay u maleeyeen in maari ku dhex jirto iyo dayuuradihii Garoonka Muqdisho yiil, xataa waxaa la qoday xarkihii korontada oo 1935kii Talyaanigii faashiista dhulka hoos marisay iyo dhuumihii biyaha qaadi jirey, waxaa dhacday in afar jeer ka badan la gubay bakhaaradii rasaasta iyo hubka waaweyn yiil si ay u helaan fuuqa xabbadaha madaafiicda laga rido oo maar ahaa. Waxaa abuurmay mooryaan kale oo dantoodu tahay inay helaan waxay qaad, daroogo iyo khamri ku iibsadaan, waxay ku dhaqaaqeen xafiisyadii wasaaradaha dawladda, hay’adaha iyo guryihii magaalada ee laga qaxay in ay albaabada iyo daaqadaha kala baxaan, jiingadda iyo alwaaxda ka fuqsadaan oo suuqa u iib geeyaan, waxaa la yaab leh xataa masaajiddii Ilaah kutubtiisii gogoshii ayaa laga gurtay. Intaas aan soo sheegnay oo dhan waxaa laga dhigay waxaan horey u jirin oo kale.

Bishii Jannaayo tan iyo bishii Luulyo 1991kii baahida iyo boholyow [] burcaddu u qabtay ciribtirka qabaa’ilka Daaroodka iyo qabiilka Gaalgale dhaca, boobka iyo bililiqaysiga hanti dadweyne iyo hanti dawlad afka lagama sheegi karo, qalinna laguma qori karo, tilmaanna laguma cabiri karo, taasoo kale sheeko laguma maqal, shaahidna laguma arag, in mid la midana dib loo arkaayo Eebbe laga fili maayo, wixii ka dambeeyeyna hadalkeedba daa.

Qaybta 3aad

Dagaal Qabiil iyo Dawladnimo Kala Fogaa
Shirkii Jabuuti
Heshiiskii Jabuuti Yaa is Hortaagey?
Tolalka Soomaaliya iyo Degaannadooda
Soomaaliya ma Qaran baa Mase waa Qabiil?
Taariikhda Muqdisho oo Kooban
Goormaa Muqdisho la Degey?
Dagaaladii Muqdisho
Duufaan Madow ma Mujaahidiin baa?

Dagaal Qabiil iyo Dawladnimo Kala Fogaa

[bog baa maqan]

waxaa kaloo Muqdisho laga abuuray kooxo Jareer ah oo uu madax u yahay Mawliid Macaani oo waxaa la aasaasay ururka SAMO si ay ugu midoobaan uguna dagaalamaan magaca SAMO Daaroodkana dhulkooda ka safeeyaan, beerihii ay dhulkaa ku lahaayeenna la wareegaan, taana si hagar la’aan ah ayey u aqbaleen, hase ahaatee waa lagu shaqeystay beerihii iyo hantidii kalena waxba lagama siin, qaar badanna waxaa lagu diley beeraha ka baxa, sidaas ayaa dabkii Soomaaliya gubay lagu ololiyey. Bishii Febraayo iyadoo ururka Yuu.Es.Sii fulinaayo qodobadii lagu heshiiyey, wuxuu abaabulay ciidan laba madax ah oo lagu magacaabay Garba Siman khariidada qorshaha ciidankaa u degsani tahay tan iyo xuduuda dalka Keenya.

Madaxa koowaad waxaa ammaanduule ka ahaa Sarreeye Guuto Maxamad Nuur Galaal wuxuu qaaday wadada weyn ee isku xirta magaala madaxda Muqdisho, iyo gobolada koonfureed isagoo ku sii jeeda Kismaayo kuna ballanqaaday inuu Daaroodka ka cirib tiro deegaamadaas. Madaxa labaadina waxaa ammaanduule ka ahaa Ibraahim Rooble Warfaa Doonyaale iyo Calasow Dheere wuxuu qaaday wadada isku xirta magaala-madaxda Muqdisho iyo gobolada koonfur galbeed.* Qorshihiisuna wuxuu ahaa markuu gobolka Baay qabsado in uu u gudbo gobolka Gedo si uu gacanta ugu soo dhigo Maxamad Siyaad oo xilligaa halkaa joogey, dabadeedna Daaroodka ka safeeyo deegaankaas.

Waxaa weerar lagu qaaday ciidamadii ururka Es.Bii.Em iyo Daaroodkii Muqdisho ka qaxay una cararay gobolka Shabeelaha Hoose iyo gobolka Baay. Dilka, gumaadka iyo dhacu maalmahaa waa hadal beelay, taasina waxay keentay in dad fara badani u sii qaxaan gobolka Jubbada Hoose ee degmada Kismaayo iyo gobolka Gedo si ay naftooda u badbaadiyaan, dagaalkaa iyo qaxaa dad badan baa ku dhintay, hanti badanna oo mood iyo noolba lahaana waa ku luntay, hase yeeshee in kastoo uu weerarkaasi dhibaato weyn geystey nasiib darro qorshihiisii kuma guuleysan waayo gobolka Jubbada Dhexe iyo gobolka Gedo labadaba wuxuu kala kulmay dagaal xun, sidaa awgeed qorshihii la rabey lama gaarin, sida la xaqiijiyey ciidankii ururka Yuu.Es.Sii weerarkaa qaaday saddex meelood markii laga dhigo meeli kama soo noqon, dagaaladii ayey ku dhamaadeen.

*Labadiiba dagaaladii baa lagu diley.

2dii bishii Maarso waxaa la abaabulay weerarkii labaad oo lagu saaray Gaalkacyo, magaala-madaxda gobolka Mudug, waana qabsadeen, dad 500 oo qof oo rag madax ah u badnaa ayaa ururka Yuu.Es.Sii ku laayey, wixii xoolo ahaa oo magaalada yiilna waa taabeen, maalintaa waxaa diirka ka caddaatay in dawlad qaran oo dib loo dhiso iyo Soomaali isu timaadaa ururka Yuu.Es.Sii xarigga u jaray, colaadda Daaroodka loo hayaana dhab noqotay, waayo mar haddii madaxweyne Cali Mahdi dagaaladaa isagu talada duulaanka guddoomiye ka yahay sida laga fahmay khudbadihii uu xilligaa jeediyey oo ereyo Daaroodka uu ula jeedo ku hal qabsaday, arrintu waa raja beel, magaalada Gaalkacyo oo ahayd magaalo ay ku dhaataan qabaa’ilka Daaroodka ee gobolka Mudug degaa, waxay dib u abaabuleen dagaal rogaal celin ah waana ku guuleysteen 28kii bishii Maarso 1991kii in ay dib u qabsadaan oo ciidankii ururka Yuu.Es.Sii ka saareen. Magaaladaa Gaalkacyo muddadaa wixii ka dambeeyey dagaal badan baa agagaarkeeda ka dhacay, kuwii dib u qabsaday waa ku fara adeygeen.

11kii bishii Abriil 1991kii barfasoor Ingiriis ah oo magaciisa la yiraahdo Ay.Oo Luwis oo arrimaha qowmiyadaha Geeska Afrika dega dhaqankooda aad u yaqaan gaar ahaan Soomaaliya, wuxuu idaacadda Bii.Bii.Sii-da ka sheegay faalla ku saabsan aayaha siyaasadda Soomaaliya, markuu faalla dheer ka bixiyey dhaqanka qabaa’ilka Soomaalida wuxuu yiri, “Haddaan Cali Mahdi si degdeg ah ururada dalka ka jira iyo waxgaradka Soomaalida isugu yeerin oo heshiis lawada gaarin, nabad Soomaaliya ka dhacdaa waa dheer tahay, ururka Yuu.Es.Sii wuxuu ku dambeyn doonaa burbur iyo kala jab iyo cirib dambeed xun oo ku dhacda.”

Hadalkaa ururka Yuu.Es.Sii waa cambaareeyeen faalla ay ka bixiyeenna waxay ku macneeyeen hadal idaacad gumaysi kasoo baxay oo aan wax qiima lahayn. Hase yeeshee hadalkaasi run buu noqday. Bishii Abriil 1991kii todobaadkii ugu horreeyey Daaroodku waxay soo qaadeen duulaan laba geesood ah, iyagoo ka faa’iideystay jabkii ku dhacay duulaankii la baxay Garba Siman. Midkood wuxuu ka koobnaa qabiilka Mareexaanka iyo qabaa’il kale oo ay is bahaysteen oo ku mideysnaa ururka Es.En.Ef, wuxuu soo qaaday jidka isku xira Baydhabo iyo Muqdisho, wuxuuna gaaray magaalada Afgooye. Midka kalena wuxuu ka koobnaa qabaa’ilka Harti, Ogaadeen iyo Mareexaan oo ku mideysnaa magaca ururka Es.Bii.Em, wuxuu soo qaaday wadada isku xirta Shabeelaha Hoose iyo Muqdisho, ciidamadaasi waxay magaalo-madaxda Muqdisho u jirsadeen 30 kiilomitir oo keliya.

Labadii ciidan ee Daaroodku markay isu yimaadeen waxaa dhexdoodii galay khilaaf siyaasadeed, Mareexaanku waxay u dagaalamaayeen Maxamad Siyaad Barre, baabuurtana waxay ku dhegsadeen sawirradiisa iyagoo u aqoonsanaa madaxweyne, qolada kalena waa diidanaayeen, waxay yiraahdeen magaciisa ma maqli karno, shidaal iyo rasaasna midna ma haysan oo Mareexaankey isku haleynaayeen in ay shidaal iyo rasaas ka helaan. Si kastaba arrintu ha ahaatee dagaal kulul oo laba maalmood socday ayaa aagga Afgooye iyo Lafoole ka dhacay, goobtaa waxaa loo yaqaan Dagaalkii Carmiska. Nasiib darro waxaa dagaalkaa lagu dilay Gaashaanle Sare Ibraahim Rooble Warfaa Doonyaale isagoo ciidamadiisii Gedo kasoo noqday halkaa difaac kaga jiraan, khilaafkaas dhex maray daraadiis ciidamadii Daaroodku waa la jebiyey. War lagu kalsoon yahay wuxuu sheegay in madaxweyne Cali Mahdi markii loo sheegay geerida Gaashaanle Sare Doonyaale in uu yiri, “Waa in loogu aaro 150 kamid ah Daaroodka Muqdisho jooga.” Kolkaa qabiilka Saleebaan oo uu ka dhashay Doonyaale kana mid ah qabaa’ilka Habargidir waxay yiraahdeen, “Annaguna 150 baanu ku darsanay sidaa awgeed waa in 300 oo nin loogu aaraa.”

Markii la eego ficilkii dhacay iyo sidii loo fuliyey waxaa la oran karaa, hadalkaasi waa run, waayo 10kii ilaa 15kii bishii Abriil oo ku beegneyd Ramadaan waxaa magaalada Muqdisho gudaheeda lagu dilay dad 300 ka badan oo Daaroodka ah.

Xasuuqii aan naxariista lahayn oo magaalada Muqdisho ka socday intii u dhaxeysay bartamihii bishii Jannaayo tan iyo dhamaadkii bishii Juun 1991kii, oo loogu magac daray Ciribtirka Haraadiga, taasoo loola jeeday dadka Daaroodka ku abtirsada oo aan Muqdisho ka qixin iyo meeshii kale oo laga helaba, boqolaal Daarood ah iyo boqolaal Isaaqa ku abtirsada iyo Gibilcad reer Xamar ah oo Muqdisho ka cararay markii nolosheedii xumaatay, oo u hayaamay gobolada waqooyi bari iyo waqooyi galbeed oo ay ku jireen madax badan oo dawladdii burburtay jagooyin sare ka hayn jirey iyo rag maal qabeen ahaa, waxaa lagu gumaaday gobolka Hiiraan waddooyinka soo gala magaalada Baladweyne xoolo waxay wateena waa laga dhacay. Waxaan maskaxda aqoonyahanka weligeed ilaaweyn qoraagii la oran jirey Faarax Maxamad Cawl “Faarax Cadde” oo wadada u dhaxeysa Beledweyne iyo Buuloberde lagu diley.

Gumaadkaa madaxweyne Cali Mahdi iyo ra’iisul wasaare Cumar Carte midkoodna kama hadlin, madaxda qabaa’ilka Hawiyaha iyo Xawaadlaha xasuuqaa waa daawanaayeen, sida runtaa waxaad moodaa in ay ku faraxsanaayeen, maxaa yeelay? Ma jirin nin madaxdooda kamid ah oo arrintaa ka hadlay ama dilka ka daaya yiri.

11kii bishii Abriil 1991kii shir golihii wasiirada ee dawladdii dhalanteedka ahayd yeesheen, waxaa hadal ka jeediyey Maxamad Saciid Jentelmaan, hadalkiisii oo idaacadda Muqdisho laga siidaayey waxaa kamid ahaa, “Dilka iyo xasuuqa foosha xun ee wax ma-garadka iyo burcadda hubeysani wadaan oo habeen iyo maalinba ku kacayaan iyo dadka qabiil ahaanta loo laynaayo ama loo dhacaayo waa In la joojiyaa.” Sidaan maqallay hadalkaa waa lagu canaantay.

Jabkii ciidamadii Daaroodka ku dhacay waxaa ka daba galay ciidamo uu hogaaminaayo Janaraa! Caydiid, wuxuu amar ku bixiyey in aragti loo dilo wixii Daarood ah oo la arko raadkoodana cagta la mariyo oo aan la dhaafin cid kale daayee gabadhii laga helo guryihii iyo beerihii Daaroodku lahaa, isagoo adeegsanaaya dadkii Jareerta ahaa oo dhulkaa deegaankiisa kala yiqiin. Dad warkooda lagu kalsoon yahay waxay sheegeen, Jeneraal Maxamad Faarax Caydiid oo ammaanduule ka ahaa ciidamadii Yuu.Es.Sii ku mideysnaa oo 22kii bishii Abriil Kismaayo galay, maalin uu hadal guubaabo ah u jeediyey dadka Jareerta ah oo magaalada Jilib dega wuxuu ku yiri, “Waxaa jiri doonta ayadoo lagu sheekaysanaayo dad reer hebel la oran jirey ayaa dhulkaan degi jirey.”

Nasiib darro colaadii iyo dagaaladii Daaroodku Muqdisho uga soo qaxay waxaa looga daba tegay gobolka Jubbada Hoose, dagaalo lagu hoobtay oo muddo la isku horfadhiyey baa ka dhacay agagaarka daafaha koonfureed ee dooxada Wabiga Jubba, weli waxaa laga sheekeeyaa dagaallo ka dhacay goobtii Araare. Ciidamadii ku midoobay Es.Bii.Em Kismaayo waa ka baxeen, 22kii Abriil ururka Yuu.Es.Sii wuxuu galay Kismaayo iyagoo ka faa’iideystey khilaaf dhexgalay qabaa’ilka Daaroodka oo ka dhashay raadkii Maxamad Siyaad ku reebay.

24kii Abriil 1991kii Cali Mahdi oo ahaa madaxweynihii la magacaabay wuxuu tegey magaalada Kismaayo, hadal uu halkaa ka jeediyey wuxuu ku yiri, “Dhici mayso mana dhici doonto maanta wixii ka dambeeya in gobolkaan dad aan u dhalan ku amar-ku-taagleeyaan.”* Mar hadii madaxweynihii dalka loo magacaabay sidaa u hadlay maxaa laga filaa siyaasiyiinta xukun jaceylku madaxa ka gala, hase yeeshee waxaa ka maqneyd in aan dagaal qabiil magac iyo madaxtinimo lagu gaari karin.

Shirkii Jabuuti

Iyadoo xaaladu halkaas mareyso arrintuna aad u murugsan tahay ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti al-Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon wuxuu ku baaqay in ururada Soomaaliyeed shir isugu yimaadaan, odoyaasha nabad doonka ee Soomaalidu iyo wixii wax garad ahna kasoo qayb galaan, shirkaana lagu qabto magaalada Jabuuti, si loo falanqeeyo arrimaha Soomaaliya ee murugsan. Shirkaa qabashadiisii dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba dad badan baa u riyaaqay. 17kii bishii Maajo 1991kii nasiib darro waxaa dhacday in ururka Es.En.Em ee gobolka waqooyi uu ku dhawaaqay in uu ka go’ay dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya intiisa kale, oo uu yahay jamhuuriyad iskeeda u madax banaan. Taas laguma farxin waayo waxaa loo arkay dhibaato hor leh oo Soomaaliya soo food saaratay.

Ururkii Es.Bii.Em oo bishii Abriil Kismaayo laga saaray oo aan markaa meel istaraatiijiya oo ay ku shirtagaan haysan, waxay go’aansadeen in ay dib isu abaabulaan oo dagaal rogaal celin ah ku qaadaan Kismaayo si ay gobolkii Jubbalaan dib loogu qabsado, taasina waa u suura gashay, dagaal kadib ururka Yuu.Es.Sii gobolkaas waa ka saareen, bartamihii bishii Juun 1991kii dibna waa u qabsadeen iyagoo horey ugu durkay ilaa degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, ururka Yuu.Es.Sii oo beryahaa ku muransanaa in uu ka qayb galo shirkii Jabuuti iyo in kale wuxuu dib u soo celiyey dagaal difaac iyo rogaal celin ah oo uu ammaanduule ka ahaa Sarreeye Guuto Cumar Gacal iyagoo doonaayey in ay ciidamada ururka Es.Bii.Em ku mideysnaa dib isaga caabiyaan, inta dagaal kama dambeys ah loo tabeysanaayo. Ciidamadii Es.Bii.Em halkaasaa lagu joojiyey.

Shirkii Jabuuti ee lagu baaqay wuxuu hakiyey dagaaladii qabiil ee gobolada dalka ka socday iyo dilkii iyo gumaadkii bahalnimada ahaa oo burcadda isbahaysigii ku mideysnaa ururka Yuu.Es.Sii ay ku hayeen qabaa’ilka Daaroodka iyo qabiilka Gaalgalaha oo ku go’doomay Muqdisho oo si xun bilahaa loo xasuuqaayey, ahaana dad aan hubeysneyn dagaalna ku jirin, hase yeeshee waxaa kordhay dilkii iyo dhacii qofka wax dhaqaale ah lagu arko sida lacagta, baabuurta, guri wax yaaliin iyo wixii muuqda oo qiima leh, iyo cid kastoo lagu tuhmo in ay wax haystaan, waxaa kaloo kordhay wax lagu magacaabay isbaaro jid gooyo oo aan habeen iyo maalinba magaalada Muqdisho in dhexdeeda nabad lagu maro adkaatay.

Haddaan dhacdadii taariikheed oo eelka reebtay soo koobno dhibaatadii ugu xanuunka badneyd oo dabkeedii dami waayey Soomaalina kala fogeysay ururka Yuu.Es.Sii wuxuu geedkeeda tallaalay muddadii u dhexaysay bishii Jannaayo ilaa bishii Juun 1991kii.

Bishii Juun 1991kii markii Xaaji Xasan Guuleed Soomaalida ugu baaqay in la qabto shir dib-u-heshiisiin ah ururaduna ogolaadeen in ay shirkaa nabadda iyo dib u heshiisiinta ka qayb galaan, aqoon yahan gabyaa ah oo magaciisa la yiraahdo Abshir Nuur Faarax “Abshir Bacadle” oo siduu sheegay wax badan Ilaahiis ka beryey in dalka nabadi ka dhacdo wuxuu mariyey gabay wacdi, waano, dardaaran iyo tusaale lagu deydo ah, wuxuu yiri:

Soomaaliyey hadal yaroo huriyey laabtayda
Oon haysan kari waayey baan soo hinganayaaye
Hawadaanan soo marinayaa hiirta waaberiye
Hoggaantadiyo shacabkana talaan soo hordhigayaaye
Iga hooya caaway murtidu haybad leedahaye*
Heshiis waara hawl mira dhashaa heeggan loo yahaye
Ilaahay inaan haybsannaana waa habboon tahaye
Hadyiga Nabiga oo lagu dhaqmoo haybta laga faano
Labadaa heshiis iyo midnimo kama horreeyaane
Rabbi baa hidaayada watee hayna garansiiyo
Ama igu haddada waa waxaad hor u taqaaniine

Har qabow hurdiyo caafimaad haybad iyo raaxo
Haruub buuxa hogol rooba iyo wiilal hana qaada
Hooyiyo carruurteed nabad qaba odayada haasaawa
Hantidiyo naftoon loo baqayn haddada mooyaane
Iyo hodontinimo waa markii nabad la haystaaye
War hooy guusha layskuma hubee hororka aashiine

Mooryaan hubeysani beley noo hor kacayaane
Hanti iyo dad hoygey galaan hal uma reebaane
Hambana kama tagaan hadafna ma leh hororka mooyaane
Wixii hadarku nagu beeray bey ku haminayaane
Haddaan laga hortegin wacad Alaad marin habawdeene
Helina weyde hadalkaan rabnee nagu haboonaaye
Hubka inaga dhiga waxaynu nahay hooyo ubadkeede
Oo guusha layskuma hubee hororka aashiine
Ama igu haddada waa waxaad hor u taqaaniine

Kii horaa hammuun baas u qaba hoota dhiig surane
Oo tobanka haybood ka dhigay holac iyo baasiine
Nina horumar kuma gaari karo hilib walaalkiise
Waxaad haybad leedahay intaad garabka haysaaye
War waa hiba Ilaahay midnimo lagu heshiiyaaye
Hubka inaga dhiga waxaynu nahay hooyo ubadkeede
Oo guusha layskuma hubee hororka aashiine

Hiddaha iyo dhaqankii intaan hadurku aafeyn
Waa laga heshiin jirey dagaal tan iyo Haabiile
Habka nabadda odayaashu waa heli ogaayeene
Cid waliba wixii laga hayaa loo hibeyn jiraye
Layskumana haaraami jirin hawlihii tegaye
Markii la hadlo hor Ilaahay baa loo heshiin jiraye
War maxaydin helay meel uun baad ka hifanaysiine?
Heeraar goobeed oon ergada haybna laga waayin
Oo horey u soo dhaafa iyo hab maamuus leh
Oo haba yaraatee dakana laysku hiifeynin
Ha yeeshese aan haasaawaha lagu hambeyneynin
Oo huq iyo cudur nooga jirin hoos isaga tuurka
Hurgumadiiyo hagardaamada hubanti loo baaro
Oo daacad loo wada hadlaa lagu heshiiyaaye
Hubka inaga dhiga waxaynu nahay hooyo ubadkeede
Oo guusha layskuma hubee hororka aashiine.

Wax sheeg lagama waayee kuwa heshiiska diidanaa ama caadhifad qabiil aad u saamaysay waxay yiraahdeen, “Gabaygakani waa guubaabo dadban,” hasa ahaatee:

Wax-ma-tare wax-tare caayaayiyo wahan qabiil baa leh.

Heshiiskii Jabuuti Yaa is Hortaagay?

Bishii Maajo bartamaheedii 1991kii markii loo qalab qaadanaayey Shirkii Jabuuti ee lagu magacaabay Shirkii Dib-u-heshiisiinta Soomaalida (Es.En.Aar.Sii – SNRC), waxaa si rasmi ah magacyadeeda u soo bandhigay 12 urur siyaasi oo mid walb ku salaysan yahay qabiil iyo gobol, hase yeeshee la baxay magac siyaasadeed harag Soomaaliyeed huwan, urur kastana ragga hogaaminaayey waxaa mid walba madaxa kaga jirey ama maanka ku hayey xukun jaceyl iyo inuu kursi helo si uu wax u xukumo, ururadaas mid walba taariikhda la aasaasay iyo sidey u kala horreeyeen iyo qabiilka iyo gobolka uu ka dhisnaa waa sidatan:

  • Yuu.Es.Bii: Xisbiga Mideyta Soomaaliyeed (United Somali Party – USC), waxaa la aasaasay 1958kii, waxaa wada jir u samaystay Dhulbahante iyo Warsangeli oo dega labada gobol ee kala ah Sool iyo Sanaag, Ciise iyo Gudabuursey oo dega gobolka Awdal. 23 sano kadib ayaa boorka laga jafay oo dib loo magacaabay, hase yeeshee Ciise iyo Gudabuursey waxay samaysteen laba urur oo kala gooniya sida hoos xusan.
  • Es.En.Yuu: Mideynta Qoomiyadda Soomaaliyeed (Somali National United – SNU) waxaa la abuuray 1955kii, waxaa ku midoobay dadka reer Xamarka ah ee gobolka Banaadir dega. 23 sano kadib ayaa lasoo nooleeyey.
  • Es.Es.Dhii.Ef: Ururka Dimoqraadiga ee Badbaadinta Soomaalida (Somali Salvation Democratic Front – SSDF) waxaa la aasaasay 1978kii, waxaa la baxay Majeerteenka iyo qabaa’ilka la dega gobolada Mudug, Nugaal iyo Bari.
  • Es.En.Em: Dhaqdhaqaaqa Qaranka Soomaaliyeed (Somali National Movement – SNM) waxaa la aasaasay 1982kii, waxaa la baxay qabaa’ilka Isaaqa ee dega gobolada Waqooyi Galbeed iyo Togdheer.
  • Yuu.Es.Sii: Ururka Mideynta Soomaaliyeed (United Somali Congress – USC) waxaa la sameeyey 1989kii, waxaana samaystay qabaa’ilka Hawiye iyo Xawaadle iyo wixii la halmaala oo dega koonfurta bari ee Mudug, Galguduud, Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir.
  • Es.Bii.Em: Dhaqdhaqaaqa Wadaniyadda Soomaaliyeed (Somali Patriotic Movement – SPM) waxaa la aasaasay 1989kii, waxaa samaystay Daaroodka dega gobolka Jubbalaan.
  • Es.Dhii.Ee: Kacdoonka Dimoqraadiga Soomaaliyeed (Somali Democratic Association – SDA) waxaa la abuuray 1989kii, waxaana la baxay qabiilka Gudabuursey oo dega gobolka Awdal.
  • Yuu.Es.Ef: Ururka Mideynta Soomaaliyeed (United Somali Front – USF) waxaa la aasaasay 1990kii, waxaana la baxay qabiilka Ciise ee dega gobolka Awdal.
  • Es.Dhii.Em: Dhaqdhaqaaqa Dimoqraadiga Soomaaliyeed (Somali Democratic Movement – SDM) waxaa la aasaasay 1991kii, waxaana la baxay danwadaagta Raxanweyn ama qabaa’ilka Digil iyo Mirifle oo dega dhulka u dhexeeya Labada Webi, hase ahaatee waxaa taladiisa gacan ku lahaa ururka Yuu.Es.Sii oo doonaayey in ay la bahoobaan.
  • Es.En.Ef: Ururka Qaranka Soomaaliyeod (Somali National Front – SNF) waxaa udubka loo mudey 1991kii, waxaana samaystay qabiilka Mareexaanka ee dega gobolada Gedo iyo galbeedka gobolka Galguduud.
  • SAMO: Ururka Beeralayda Mukayga Soomaaliya (Somali Agricultury Muki Organisation – SAMO) waxaa la aasaasay 1991kii waxaa ku midoobay dadka Jareerta ah ee Labada Webi, Shabeele iyo Jubba daafahooda dega, hase yeeshee waxaa taladiisa gacan ku lahaa ururka Yuu.Es.Sii oo doonaayey in ay la bahoobaan.
  • Ururka al-Itixaadul Islaam: Waxaa la abuuray 1991kii, wuxuu ahaa urur Islaamiya oo aan qabiil iyo gobolaysi midna ku abtirsan, wuxuu doonaayaa in xukun maamul Islaam ahi dalka ka jiro.

Shirkii Jabuuti markii la eego raggii qabanqaabiyey iyo kuwii ka qayb galay dhamaantood waxay ahaayeen ruug caddaa waaya arag ah, siyaasiyiin aan talo iyo xiribi dhaafin, xeer beegti dhaqanka iyo arrimaha Soomaaliya aad u yaqaan, waxaa kaloo ahmiyad gaar ah iyo culeys weyn lahaa dawladihii iyo hay’adihii shirkaa goob jooga ka ahaa, waxaa dad badani saadaalinaayey go’aamada shirkaa kasoo baxa haddii si hagar la’aan ah loo fuliyo in guul wax tar yeelan karta laga gaaraayo, hase ahaatee waxaa lugta dambe jiidey laba arrimood oo aan markii hore laga fiirsan oo kala ahaa:

  • laba iyo tobankii urur siyaasi oo magacooda soo bandhigay shan ka mid ah shirka waa ka qayb galeen, todobadii kalena waa loo diiday in ay ka qayb galaan shirka, ururka Es.En.Em waa diidey in ay shirkaa ka qayb galaan, ururka al-Itixaadul Islaam waxaa loo ogolaaday in uu goob joog ka ahaado, taana waxaa la oran karaa waxay ahayd arrin aan aad looga fiirsan, waayo urur kastaa wuxuu matalaayey qabiil haddaan siduu doonaayo loo yeelina waxa la gudbooni waa dagaal.
  • jeneraaladii ciidamada hubaysan kala hogaaminaayey oo dagaalka ku jirey oo iyaga la rabay in ay go’aamada shirka kasoo baxa fuliyaan shirkii lagama qayb gelin, taasina waxay ahayd arrin muhiim ah oo iyadana aan laga fiirsan.

Dad badan oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba jooga oo shisheeye iyo sokeeyaba lahaa, waxay filaayeen in go’aamadii Shirkii Jabuuti kasoo baxay ay yihiin fursad dahabi ah oo ummadda Soomaalida usoo hoyatay.

Dabadeedna meeshii laga filaayey in go’aamadii shirkaa kasoo baxay la fuliyo fikradihii waa lagu kala qaybsamay, waxaa loo kala baxay qayba ayidey iyo kuwa diidey, dawladii la dhisay oo Cali Mahdi madaxweynaha ka ahaa Cumar Cartana ra’iisul wasaaraha waa la go’doomiyey, taasina waxay keentay in arrintu daba dheeraato, dagaallo kale oo aan la filaynna ka dilaacaan dalka haba ugu darraadeene dagaalkii lagu hoobtay oo ka dhacay Muqdisho oo dhex maray ururka Yuu.Es.Sii oo laba u kala jabay oo ay kala hogaaminaayeen Cali Mahdi iyo Maxamad Faarax Caydiid, dagaalkaas oo socday muddo 4 bilood ka badan, dagaalkaas isagoo faahfaahsan waxaanu kaga hadli doonaa fasalka Dagaalladii Muqdisho.

Shirkii Jabuuti wuxuu ahaa marxalad dahabiya oo heshiis iyo nabad gelyo waddanka ka dhaca looga amba qaadi karey, hase yeeshee nasiib darro, xukun jaceyl iyo kursi doon baa turuntura ku noqday, waxaa xusuus mudan gabay uu mariyey Abshir Nuur Faarax oo ku magac dheer Abshir Bacadle oo uu ku magacaabay Dib-u-heshiisiin, hal qabsina uu uga dhigay, Fursad dahabiyaa idin hortaal doqoni waa mooge, oo uu ra’yigiisa ku cabbiraayo kuna talinaayo in aan fursaddan la lumin ee laga faa’iideysto wuxuu gabayga ku xusay qaybaha bulshadu ka kooban tahay oo dhan, sida duqeyda, madaxda la doortay, aqoonyahannada, culimada diinta, ururada, saraakiisha, ciidamada, dumarka iyo carruurta, dhammaan wuxuu ku dhiiri gelinaayaa in heshiiskaas la taaba geliyo oo loo guntado, gabaygiina waa kan, wuxuu yiri:

Deeleyda maansada mar baa lagu dambaabaaye
Marna waa dariiq toosan iyo dib u heshiisiine
Marna waa dagaal oo wax baa lagu difaacaaye
Marna waa dan kuu gaara iyo nin iyo dookhiise
Dareenkeyga gabay maanta waa dib u heshiisiine
Duruufaha adduunkiyo wakhtigu dan iyo yeelkoode
Qalbigeenii daxalaystay iyo damaca dheeraaday
Darbigii u dhaxayn jiray shirkii dumiyey oo laaday
Oo nabadda noo doorbidoo daa’in gaarsiiyey
Dadku uma sinee ruug caddaha doorka ka ciyaaray*
Diiwaanka taariikhda iyo danabka suugaanta
Ma dafiri karaan liidarrada dib u heshiisiinta
Daroogiyo qabyaaladi ka daran furuq iyo daacuune
Dagaalada sokeeyuhuna waa dabar go’eeniiye
Dalkayaga burburay iyo faqriga dawladda asiibay
Deegaannada nabaad guurey iyo dahabka maaroobay
Dilka aan ujeedada lahayn iyo deriska eedoobay
Dembi nimaan lahaynoo sidii deero lagu tuujay
Maatada iyo dumarkii ilmaha cadowga loo daadshay
Nin damiir leh baa ka hanhayee doqoni waa mooge
Danqashaduna waa gobanimee dib u walaalooba
Duf ku baxa kuwii diidanoow dib u heshiisiinta

Intii diir madaw baa qabiil loogu daw galaye
Dalkoo nabada diin lagu dhaqmiyo deris walaalooba
Dakanooyinkeenii horoo daaqad laga tuuro
Oo daacad laga yahay in aan dib u walaaloowno
Oo kala dambeyntiyo amniga dhidibka loo taago
Oo danaha qarankiyo la sugo dawladnimadeena
Oo daadah iyo daadah nahay ul iyo diirkeede
Oo aan wajiga laga dadbeyn deris iyo saaxiibo
Iyo waxay nafluhu doonaayaan dib u heshiisiine
Fursad dahabiyaan haysannaa doqoni waa mooge
Duf ku baxa kuwii diidanoow dib u heshiisiinta

Daruur hoortay daad soo rogmaday tog iyo dooxooyin
Oo dooga baarka leh xareed dacalka loo saaray
Oo deris biyood waa rahee dananayoo reemay
Oo daaqa meesha ku yaal damacday laabtaadu
Oo haadka keymaha dugsaday hoos u degi waayey
Oo deeradiyo cawshu fadal dib ugu soo tuurtay
Oo aan dugaag lagu ogeyn dacwo mooyaane
Oo aan sabaankii la degin gu iyo deyrtiisa
Oo ubax dabeyluhu ruxeen udug na deeqsiiyey
Oo sahanku doorbiday inuu awrta kaga daadsho
Oo daaqsiin iyo saacad leh udubka loo duugey
Iyo waxay nafluhu doonaayaan dib u heshiisiine
Fursad dahabiya yaa ina hortaal doqoni waa mooge
Duf ku baxa kuwii diidanoow dib u heshiisiinta
Cirkoo da’aya meel dal sana Daa’in ku abbaaray
Oo sagalku daafaha ka xiray dirirka roobeeyey
Oo seer ma weydiyo dihin lagu dul joogteeyey
Oo dhibicdu danab iyo lahayn jac iyo duufaane
Oo karartu dardoorisee dayatay raadkeeda
Oo kii hore u da’ay nimcadu dulundulcaynayso
Oo dalagu noo soo baxayoo darar la maalaayoo
Iyo waxay nafluhu doonayaan dib u heshiisiine
Fursad dahabiyaa ina hortaal doqoni waa mooge
Dufku baxa kuwii diidanoow dib u heshiisiinta

Duqowda iyo wax garadkoow fursadda dahabigaa qaata
Madaxdeynu soo dooranayoow shacabka daaweeya
Aqoonyahanka lagu daalayoow deynta soo celiya
Culimada dariiqooyinkoow daacad wax u sheega
Dadweyniyo shacabkoow ayida dib u heshiisiinta
Dumarka iyo carruurtoow qalbiga nabad ka doon doona
Jabhadaha dagaalamahayoow danaha guud eega
Saraakiisha duulamadoow demiya baaruuda
Deegaamada cadaawoobayoow dib u walaalooba
Dugsi ma laha qabyaaladdu waxay dumiso mooyaane
Cabdullaahi Suldaan Timacaddaa nooga sii digaye
Tixduu calanka ugu deeqay iyo dib u heshiisiinta
Daacadnimaday nafluhu ugu duceeyaane
Dembi dhaaf Ilaah ha siiyo iyo derajo dheeraada
Diiwaanka taariikhda iyo danabka suugaanta
Inuu door ka galay baan hubaa doqoni waa mooge*
Waxba hadalku yuu ila durkine waxaan kusoo duubay
Diirkayaga afkiyo diinta iyo dhaqanka deegaanka
Iyo diir madaw baan dhammaan dib u wadaagnaaye
Aniga diraaseeyey oo debin ku hawlaaye
Hiddiyo deelkii duul wada dhashiyo dirirey weeyaane
Dagaalada ahligu waa cadaab dunida guudkeede
Ilaahayse duul khayr qaboo dumiya hawkeeno.

*Abshir Bacadle wuxuu tixraacaayaa gabay uu tiriyey Cabdullahi Suldaan Timacadde Alla ha u naxariistee 1967kii oo ka hadlaaya qabyaaladda iyo dhibaatada ay leedahay, tuducyada gabyaagu ku hal qabsadayna waa kuwaan:

Dariiq toosan Soomaalidaay waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela
Nin ka dudey distuurkiyo waxyiga diintii ka carowye
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Haddeynaan xumaantiyo dilkiyo deynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe
Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii Naareede.

Tolalka Soomaaliya iyo Degaannadooda

Tol waa magac Soomaali ah, waxaa shcegta dad aan kala maarmin oo dhalasho iyo dhaqan wadaag ah, xiriirro badan oo isku xirraana ka dhaxayaan sida deegaanka, diinta, afka iyo taariikhda.

Qabiil waa magac asalkiisu Carabi yahay oo tol la macna ah, labadaba Soomaalidu waxay ugu isticmaalaan isku mid.

Hadaba ujeedadu ma aha in aanu halkaan kaga hadallo haybta guud iyo abtiriska qabaa’ilka Soomaalidda, hase yeeshee ujeedadu waxay tahay in aanu tilmaan ka bixino tolalka dega geyiga Soomaaliya iyo sidey u kala baxaan, sidey u kala degaan iyo sida deegaankoodu isu xigo iyo sida tol waliba sheegto xagga dhalashada iyo sida dhaqankoodu isu saameeyo xagga xeerka iyo caadaadka, si aanu u soo bandhigno tolalkii taliskii Siyaad Barre madaxda ka ahaa la dagaalamay iyo kuwii dagaalladii qabiil ka qayb galay ama taageeray.

Hadaba Soomaalidu marka hore waa qawmiyad keliya oo isku deegaan ah, isku diin ah, isku af ah*, isku dhaqan ah, isku taariikh ah, hase ahaatee tolal kala sheegta, waxaa tolalkaa loo qaybin karaa sagaal tol oo waaweyn oo tol waliba leeyahay deegaan u gooni ah iyo dhaqan u gaar ah, sida badan tolalkaas hab dhaqankoodu waa isku mid in kastoo meela aan badnayn ay ku kala duwan yihiin. Tolal badan oo kuwaa dhex degan oo aan deegaan weyn oo u gaar ah lahayn, hase yeeshee iyana ahmiyaddooda gaarkaa leh.

Sida runta ah ma jirto meel Soomaalidu ay isugu timid oo dhulka ku qaybsatay oo la yiri tol waliba ama qabiil waliba dhulkaasuu leeyahay hase ahaatee dabeecadda aadamiga iyo falalkiisa dhaqameed ayaa waxay keeneen in tol waliba dhul sheegto si ay noloshooda ku maareeyaan. Haddaan eegno sida diinta Islaamku qabto, dadka Muslimka ahi dhul ma kala laha waxaana marag u ah, xaddiiskii Nabigii suubanaa ee Maxamad ﷺ uu ku yiri Museylamatu al-Kaddaab oo ahaa reer Banii Xaniifa markuu sheegtay nebinimada, kuna dooday arlada bar Qureysh baa leh, barna reer Banii Xaniifa, Rasuulkii Ilaah warqad buu u qoray Museylamatu al-Kaddaab oo wuxuu ku yiri: “Been baad sheegtay, arlada Ilaah baa leh wax la wadaagaana ma jiraan, ciddii uu doono ayuu dejiyaa, cirib dambeed suubban waxaa leh kuwa Ilaah ka cabsiga badan.”

Tol kasta haddaan gaarkiisa faallo uga bixinno dhulkuu dego iyo dhaqaalihiisa iyo hab dhaqankiisa waxaa ina hor imaanaaya maahmaahdii Soomaaliyeed oo oraneysa “Soomaalidu sidey u kala degan tahay waa taqaan sidey isu xigtose ma taqaan.” Haddaba sagaalkaa tol waxaa loo qaybin karaa sida tan:

  • Hawiye
  • Dir
  • Raxanweyne
  • Tunni
  • Jareer
  • Gibilcad
  • Daarood
  • Isaaq
  • Ciise iyo Gudabuursey.

Sidaan dhawaan soo xusnay ujeedada dulucdeedu waxay tahay in aan kala ogaanno hab dhaqanka tolalkaas iyo sida tolalkaasi dagaaladii Soomaaliya ka dhacay uga qayb qaateen iyo sida qola walba dhibaatadii dagaaladu u saameeyeen.

Hawiye iyo Xawaadle

Dhul ahaan waxay degaan dhulka Wabiga Shabeele bariga ka xiga oo Badweynta Hindiya kulaalaya tan iyo koonfurta waqooyi bari gobolada Mudug iyo Galgaduud, sidey sheegtaan waxay ku abtirsadaan odey kaliya oo ah Hawiye Irir Samaale. Dhaqaalahoodu wuxuu ku dhisan yahay xoola dhaqato ganacsi iyo tacabka beeraha. Xilligii gumaysigu dalka Soomaaliya kala qaybiyey qabaa’ilka Hawiyaha qaar ka mid ah ayaa gumaysigii raaciyey dhanka Itoobiya, sida qabaa’ilka kala ah: Karanle, Jambeelle, iyo Jidle oo haatan ka mid ah Soomaali Galbeed. Guurtida dhaqanka iyo dabeecadda Soomaalida aad u faaleeya waxay yiraahdaan, “Hawiye isaguna isma jecla dad kalena ma jecla.”

Dagaaladii dawladdii Siyaad Barre lala galay waxaa ka qayb qaatay dhamaan qabaa’ilka Hawiyaha iyo Xawaadlaha oo ku mideysnaa ururka Yuu.Es.Sii, hase ahaatee markii dagaaladii hab qabiil loo bedelay waxaa jirey qabaa’il badan oo ururka Yuu.Es.Sii gaashaanbuur la noqday oo si toos ah Daaroodka ula dagaalamay waayo, abaabulkii hore ayaa ummadda Soomaalida waxaa loo qaybiyey qabiil qabiil, sidaa awgeed dagaaladu waxay ahaayeen gurdan raac qabiil. In kastoo Hawiyuhu ku faanaan in ay gaareen libin aanay waligood gaarin oo ah inay Daarood Xamar ka saareen, xoolahoodiina bililiqaysteen, muddo afar sano ah waxay ku jireen dagaal, dhac, boob iyo bililiqaysi, hase ahaatee hadafkey ku taamaayeen ma gaarin.

Dir

Qabiilka Dirta waxay sheegtaan in ay la dhasheen Hawiye, markaad deegaankooda iyo dhaqankooda dhab ugu fiirsato waxaad moodaa in ay qarniyadii hore ahaayeen qawmiyad tiro iyo tayaba heer sare ka gaartay, hase ahaatee mar dambe qaran jab ku dhacay, waayo guud ahaan dalka Soomaaliya bari, galbeed, koonfur iyo waqooyi waa ku firirsan yihiin in kastoo ay ugu xoog badan yihiin gobolka Shabeelaha Hoose iyo waqooyiga gobolka Gedo, waxay kaloo degaan meela gobolka Soomaali Galbeed ka mid ah. Dhaqaalahoodu sida qabaa’ilka kale waa xoola dhaqato, ganaesato iyo beeraley. Dagaaladii qabiil ee gobolada koonfur ka dhacay qabaa’ilka Dirtu waa ka qayb qaateen waxayna la duubnaayeen ururka Yuu.Es.Sii gaar ahaan garabka Es.En.Ee, hase yeeshee bartamihii 1993kii waa ka baxeen oo waxay ku biireen ururadii Qaramada Midoobey iyo Mareykanka taageeray.

Raxanweyn

Magaca Raxanweyn ma aha magac qabiil ee waa magac danwadaag isgaashaan buureystey oo isku xira qabaa’ilka dega dhulka u dhexeeya labada webi ee Shabeele iyo Ganaane gaar ahaan gobolada Baay, Bakool iyo meela ka mid ah bariga gobolka Gedo. Waxay sheegaan in ay u kala baxaan laba qaybood oo kala ah Asal Iyo Dheehan.

Asal waxaa loo yaqaan dadkii dhulkaa deganaa tan iyo waaya hore, waxaa loo malaynaayaa in asalkoodu yahay Xaamiyiintii hore.

Dheehan waxaa loo yaqaan qabaa’ilka ka yimid dhanka waqooyi oo la soo degey qarniyaal badan ka hor, oo dadkii asalka ahaa xeerkoodii iyo dhaqankoodii qaatay, dhib iyo dheefna la wadaagey, sidaana danwadaag iyo iskaashato kula noqday. Waxay kaloo sheegtaan Mirifle. Waxay isu qaybiyaan Sideed iyo Sagaal dhaqanka iyo degaanka iyo afka loo yaqaan Maay uu isku xiro,* hase ahaatee badankoodu xagga abtiriska waa ku kala duwan yihiin, si kastaba asalkooda iyo abtiriskoodu ha ahaadee masiibadii Soomaaliya ka dhacday 1990kii ilaa 1994kii ka hor waxay ahaayeen dad dabeecad qabow nabadda jecel oo colaadda iyo dagaalka neceb. Dhaqaalahooda waxaa asal u ah xoolaha iyo tacabka beeraha roobka iyo waraabka lagu falo, dhulkooduna gobolada harruurka (mesegada) laga beero waa dhulka ugu hodansan.

*Macnaha Sideed iyo Sagaal oo sidey ku baxeen odayaashu ku kala duwan yihiin waa ka aamusnay.

Danwadaagta Mirifle waxaa la raaciyaa oo la deris ah isbahaysina ka dhaxeeyaa danwadaagta lagu magacaabo Digil oo ka kooban todobada qabiil ee dega gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa kaloo jira danwadaag saddexaad oo la yiraahdo Shanta Caleemood oo ka kooban shan qabiil oo dega degmada Wanlaweyn iyo agagaarka Afgooye xiga. Waxaa xusid mudan qabiilka Gelledi iyo Hintire oo dega geyiga Afgooye. Dhammaan qabaa’ilkaas dhaqankooda iyo dhaqaalahoodu waa isu dhaw yahay, in kastoo ay meelaha qaarkood ku kala duwan yihiin.

Hadaba qabaa’ilkaas geyiga Labada Webi u dhaxeeya degaa dagaalladii qaybtii hore ee dawladdii Maxamad Siyaad lagu qaaday kama qayb gelin, hase yeeshee waxay si toos ah Raxanweyntu uga qayb qaateen dagaalladii qabiil ee hal qabsiga looga dhigay Haraadigii Siyaad Barre, waxayna la dagaal galeen ururka Yuu.Es.Sii, sida runtaa dagaalladaa ka qayb galkoodii ma mahdin ee waa eedeen. Dad iyo duunyaba waa ku riiqdeen, xoolihii iyo beerihiiba waa ku baaba’een, deegaankoodiina dhammaan waa burburay. Masiibadii Soomaaliya ka dhacday gobolada dalka oo dhan waa taabatay. hase ahaatee waxay jilbaha dhigatay oo si xun u asiibtay gobolada Labada Webi u dhexeeya iyo magaalada Muqdisho, waayo waxay ahaayeen dhulkii qabaa’ilkii dagaalamaayey ay ku hardameen. Waxay ahaayeen deegaankii ugu dhimashada badnaa ee gaajada iyo macaluusha loogu hoobtay, dadkaa wixii ka haray badankoodii Muqdisho ayey naf bideen oo u huddameen, waxna iyagoo meeshey degi jireen ku tabaaleysan ayaa hay’adaha gargaarka iyo dawladaha deeqaha bixiyaa soo bilowdeen, hase ahaatee markii raashinkii sama falka ahaa ee goboladaa soo gaaray, waxaa afka u dhigtay oo boobay ciidankii Yuu.Es.Sii Es.En.Ee oo dadkii baahnaa meel cidlaa dhigay ilaa dhimashadii gaartey bilihii Maajo, Juun, Luulyo, Agoosto iyo Setembar 1992kii in maalintiiba 300 ilaa 400 ayaa gaajo, macluul iyo silic u dhintaan, taasoo sababtay in magaalada Baydhabo lagu magacaabay Magaaladii Dhimashada, waayo dadkii booqday naxdin iyo dareen xun bey ku abuurtay, sawirradii laga qaadayna caalamku waa ka argagaxay.

Tunni

Tunni waa qabiil ka mid ah qabaa’ilka dega gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan deegaanka Baraawe iyo dhulka ku xeeran. Waa shan qabiil oo asal iyo farac wadaaga, waxaa la isku yiraahdaa Shangamaas*, waxay ku doodaan in ay geyiga Baraawe soo degeen todobo boqol oo sano ka hor, markii horena ka soo guureen gobolka Adari (Harar) iyagoo muddo ku hakaday carriga Gedo ka dibna hoos u soo raacay biyaha Wabiga Jubba (Ganaane). Waxay la deris yihiin oo dhaqan wadaagaan danwadaagta Digil, hase yeeshee waxay ku hadlaan af u gaar ah oo loo yaqaan af-Tunni. Magaalada Baraawe waxay wada degaan oo dhib iyo dheefba wadaagaan laba qabiil oo Gibilcad ah oo la kala yiraahdo Biidda iyo Hatimia, salkoodii horena ka yimid koonfurta Aasiya sidaan ku xusnay qaybta Gibilcad.

Tunnida waxaa dhaqaalahooda asal u ah xoolaha la dhaqdo, ganacsi iyo tacabka beeraha oo biyaha webiyada iyo roobka labadaba ay ku fashaan, sida badan dhulkoodu waa dhul beereed, waana dhul xoolaad oo labadaba ku wacan.

*Waxay ahaayeen 5 nin oo ninba qola yahay oo dantooda u walaaloobey.

Dagaaladii qabiil oo waddanka gubey Tunnidu dhex dhexaad bay ka ahaayeen, hase yeeshee Hawiyuhu wuxuu ku eedeeyey in ay Daaroodka la jireen, sidaa awgeed waa dileen waana la dhacay dhaawac xunna waa loo geystay.

Jareer

Jareer waxaa lagu magacaabaa dadka timaha adag oo asal ahaan dega Webiga Shabeelle iyo Webiga Ganaane Jubba, dadkaasi waa tacab ku nool beeraley ma guurta ah, culimada dadka dir soocdaa waxay ku tiriyaan Xaamiyiintii hore ee dhulka loogu yimid, hase yeeshee qaarkood waxay sheegtaan in ay asalkoodii hore ka yimaadeen Afrikada Bari, gaar ahaan kuwa dega daafaha Wabiga Jubba xaggiisa hoose. Guud ahaan, dadka Jareertaa dhaqankoodu waa ka duwan yahay dadka kale dhaqankiisa, waxay ugu dhaqan dhaw yihiin Raxanweynta qaarkeed. Dhaqaalahoodu wuxuu ku dhisan yahay tacabka beeraha, sancada gacanta iyo kalluumeysiga badda iyo wabiyada.

Sida badan odayaasha dhaqanka Soomaalida aad u yaqaani waxay yiraahdaan qofka Jareerka ahi waa indha ku miyire oo hadba wixii hortiisa ka muuqda ayuu ku tashadaa, wuxuuna ka fekeraa nolol maalmeedkiisa oo keliya, hase ahaatee qofka Jareerka ahi waa dad dulqaad badan, hawshana karti iyo wax qabad iyo adkeysi u leh, qofkooda wax bartaana wuxuu u dhigmaa xagga wax qabadka 5 qof oo dadka kale ah. Doorashadii baarlamaan weligood kama qayb gelin, waayo looma ogolaan. Waxaa loo arkaayey in ay yihiin shaqaale dawladeed oo kale, iyana kuma doodaan.

Dagaalladii taliskii Siyaad Barre kama qayb gelin hase yeeshee kuwii qabiil bey ka qayb galeen, waxayna la safteen Hawiyaha, oo si toos ah hawlo gaar ah u adeegsaday. Hase yeeshee dad iyo duunyaba waa ku rogmadeen, wax yar baana ka haray, qaarkood magaalada Muqdisho bey qaxooti ku noqdeen, qaarna magaalooyinkii iyo tuulooyinkii ay degi jireen bey silic iyo saxariir ugu dhamaadeen, waayo deegaankoodii ayaa lagu dagaalamay oo hadba gees weerar looga qaaday ka dibna cagtaa la mariyey, beerihii ay noloshoodu ku dhisnayd waa la baabi’iyey, iyagoo dhibaataysan wixii ka haray ayaa hay’adaha sama falku soo gaareen.

Gibilcad

Gibilcad waxaa loo yaqaan dadka midabkoodu cad yahay ama isku jirka ah, iyo dadka gibil madawga ah oo ku dhafan oo ay isku dhaqan yihiin, dadkaasi waa reer magaal ma guurta ah, waxay degaan magaalooyinka xeebaha gobolada koonfureed sida Muqdishow, Marka, Baraawe, Kismaayo iyo tuulooyinka teedsan wabiyada jiinkooda ah, Carab iyo Cajamba waa leeyihiin, asalkoodii hore waxay ka kala yimaadeen bartamaha iyo koonfurta Aasiya, waxay soo galeen xilliyo kala dambeeya, hase yeeshee badankoodu waxay yimaadeen qarnigii 10aad dhalashadii Nabi Ciise ka dib, oo ku beegan qarnigii 4aad ee Hijriyada, dabadeedna Soomaaliya waa ku tarmeen waana ku tanaadeen. Dhaqaalahooda waxaa saldhig u ahaa ganacsiga iyo farsamada gacanta, tacabka beeraha iyo kalluumeysiga, sida runtaa dhaqaalaha dalka qayb weyn bey ku lahaayeen, gaar ahaan gobolada koonfurta, jagooyinkii muhiimkaa ee dawladda xagga siyaasadda, dhaqaalaha iyo xagga ciidamada iyagaa u badnaa, waayo maamulka iyo xisaabaadka ayey aad ugu horreeyaan.

1990kii ilaa 1994kii dagaaladii Soomaaliya ka dhacay kama qayb gelin, in kastoo bilihii hore markii ururka Yuu.Es.Sii Muqdisho qabsaday ay u riyaaqeen, hase yeeshee markii dhibaato aad u fool xun dil, dhac, boob iyo naagihii oo la kufsada waa ka qalbi jabeen, tira yar oo fara ku tiris ah oo kici wayday mooyee, Gibilcad dalka waa ka carareen, waxay qaxooti u galeen dalalka Keenya, Itoobiya, Yemen, iyo gobolada waqooyi bari ee Soomaaliya sida Boosaaso iyagoo xoola ka fara maran oo la dhacay magaalooyinkii iyo tuulooyinkey degi jireenna la baabi’iyey.

Daarood

Daaroodku dhul ahaan wuxuu degaa gobolada waqooyi bari, dhulka bartamaha iyo gobolada koonfur galbeed. Sidey sheegtaan waxay ku abtirsadaan odey kaliya oo ah Daarood Ismaaciil oo asalkiisii hore ka soo jeeday koonfurta Jasiiradda Carabta. Dhaqaalahooda waxaa saldhig u ah xoolaha nool, ganacsiga iyo kalluumeysi u badan xeebaha gobolada waqooyi bari. Xilligii gumaysigu dalka Soomaaliya kala qaybiyey qabaa’il badan oo Daaroodka ah waxaa kala qaybsaday afar dawladood: Talyaaniga sida qabaa’ilka Majeerteen, Mareexaan, Leelkase, Awrtable, Dishiishe iyo qabaa’il yar yar oo kuwaa dhex dega; dhanka Itoobiya waxaa maray Absame sida Ogaadeen, Jidwaaq, Baalcad, Weyteen iyo Gerikoombe; dhinaca Ingiriiskana waxaa raacay Dhulbahante, Warsangeli iyo Gahayle; Keenya oo xilligaa Ingiriisku gumaysanaayey waxaa raacay En.Ef.Dhii (NFD) qabaa’il ka mid ah Ogaadeenka qaarkiis.

Hase ahaatee in kastoo ay siyaasad ahaan Daaroodku ay u kala qaybsanaayeen hadana deegaankoodu waa is xigey markey doonaan waa isu gudbaayeen. Odayaasha awoowayaasha hore ka sheekeeyaa waxay yiraahdaan Daarood wuxuu dhalay 11 wiil mid walba wax buu ugu duceeyey. Markeynu tusa ahaan soo qaadano waxaa la yiraahdaa, Sade Daarood oo ah Mareexaan wuxuu u duceeyey: “Meel ciriiriya Alla haku geliyo maalintii laguu yaabana Alla hakaa saaro.” Kablalax Daarood wuxuu ugu duceeyey: “Adigu inaad is ciisho mooyee laguma ciilo.” Haddaad u fiirsato malaha hadaladaa wax baa ka jira, Mareexaanku si badan khatar kastey galaan waa ka samata baxaan, Kablalaxuna khilaaf dhexdoodaa bey qadan iyo quruxba ku waayeen.

Dagaaladii taliskii Siyaad Barre lala galay Daaroodku kama qayb qaadan mana taageerin, waxay iyagu ku doodaayeen in ay dhex dhexaad ka yihiin, hase ahaatee qabaa’ilka Hawiyuhu waxay u arkaayeen in Daaroodku dhibaatada gacan weyn ku lahaayeen, si kastaba arrintu ha ahaatee Daaroodka iyo Hawiyaha waxaa dhex maray utun aad u xun oo aan horey loo arag.

Isaaq

Isaaqu dhul ahaan waxay degaan gobolada waqooyi ee Badyarada Cadmeed kulaalaya la leh, gaar ahaanna magaalooyinka waqooyiga ugu caansan sida Hargeysa, Berbera iyo Burco, in kastoo haybta dhexdooda baha kala duwan sheegtaan. Qabiilka Isaaqu waxay ku abtirsadaan oday kaliya oo ah Sheekh Isxaaq bin Axmad. Markaynu caadifadda siyaasadeed ee waayadatan dambe qabaa’ilka Soomaaliya dhex gashay dhan isaga riixno shaki kuma jiro in Isaaqa asalkoodii hore ka soo jeeday bartamaha Jasiiradda Carabta.

Dhaqaalahoodu wuxuu ku dhisan yahay xoolaha nool iyo ganacsiga oo ay aad ugu horreeyaan iyo kalluumeysiga. Daaroodka iyo Isaaqa xagga dhaqanka iyo xagga dabeecadda waa isu dhaw yihiin, xagga maamulkana waa isaga mid, malaha asal bey wadaagaan ee waanay is aqoon, mise derisnimada iyo deegaankooda oo is xiga ayaa ugu wacan. Qabiilka Isaaqu taliskii Siyaad Barre si caddaan ah bey ula dagaalameen, dad badan iyo hanti tira baddana waa ku waayeen, deegaankana dagaaladii baa burburiyey sida Hargeysa oo ahayd magaala-madaxdii labaad dhulkaa la la simay.* Waxaa dadku yiraahdaa qabiilka Isaaqa ayaa Hawiyaha dagaalka ku booriyey kuna dhiiri geliyey iyagoo uga jeedey mar haddii waqooyi burburtay koonfurina ha burburto ama haddey Hargeysa baaba’day Muqdishona ha baaba’do.

*Dib u eeg fasalka ururka Es.En.Em.

Ciise iyo Gudabuursey

Ciise iyo Gudabuursey dhul ahaan waxay degaan gobolada waqooyi galbeed ee Badyarada Cadmeed kulaalaaya, waa laba qabiil oo lixaad leh oo deris ah deegaankooduna is xigo, isku dhaqan ah, magacooda ku faana, waxaa lagu mala weyn yahay xagga abtiriska guud iney isku isir yihiin, haddeydan walaal aheyn. Qabiilka Ciise waxaa lagu tiriyaa qabiil aad u tira badan, deegaankiisa asalka ahina waa dalka haatan la baxay Jamhuuriyadda Jabuuti oo lagu magacaabi jirey xeebta Soomaalida ee Faransiisku gumeysan jirey.

Hadaba waxaa jira qayb aan yareyn oo qabiilka Ciise ka mid ah oo xilligii gumeysigii dalka Soomaaliya kala qaybiyey la raaciyey dhulkii la oran jirey Soomaalilaan oo Ingiriisku gumaysan jirey. Sidoo kale qayba ka mid ah qabaa’ilka Ciise iyo Gudabuursey ayaa la raaciyey dhanka Itoobiya, hase ahaatee Soomaalida reer guuraagaa qaanuunka dawligaa kuma dhaqanto. Dhaqaalahoodu wuxuu ku dhisan yahay xoola dhaqato, tacabka beeraha roobka lagu abuuro, ganacsi iyo kalluumeysi.

Dagaaladii taliskii Siyaad Barre lala galay iyo kuwii qabiil ee ka dambeeyey midna kama qayb gelin in kastoo iyaga iyo Isaaqa dhowr jeer dagaala dhex mareen, dhulkoodana dhibaata sidaa u weyn kama dhicin. Labadaa qabiil waxay kala samaysteen laba urur siyaasi oo kala ah:

  • Es.Dhii.Ee: Kacdoonka Dimuquraadiga Soomaaliyeed waxaa la abuuray 1989kii. Waxaa ku midoobay qabiilka Gudabuursey oo dega gobolka Awdal.
  • Yuu.Es.Ef: Ururka Mideynta Soomaaliyeed waxaa la aasaasay 1990kii, waxaana la baxay qabiilka Ciise ee dega gobolka Awdal.

Qawmiyadda Ciise iyo Gudabuurse labada urur siyaasi oo ay samaysteen waa laba urur oo dhexdhexaad qunyar socod ah.

Soomaaliya ma Qaran baa Mase waa Qabiil?

Iyadoo aan la hayn raad raac taariikheed oo la cuskado waxaa muuqata in aan Soomaalidu marna yeelan dowlad dhexe ee talada guud iyo maamulka dalka qabata 1960kii ka hor, hase yeeshee waxaa jirey talisya goboleed oo boqolaal sano soo jirey oo kuwii ugu dambeeyey qarnigaan 20aad horraantiisii gumeysigu baabi’iyey, iyadoo Soomaalida xukunkeeda rasmiga ahaa iyo dhaqankeedu ku salaysnaa sharciga Islaamka waxay lahaan jirtey xeer qaanuun loo siman yahay oo sida dastuurka loogu dhaqmi jirey, xeerkaasi wuxuu u qaybsanaa xeer guud oo qabaa’ilka oo dhan ka dhexeeeya iyo xeer hoosaad goboleed, mid kasta oo xeer guud ama xeer gaar ahi wuxuu u kala baxaa:

  • Xeer miyi oo reer guuraaga xoola dhaqatada ah iyo wixii la xiriiraa ay ku dhaqmaan.
  • Xeer magaalo oo dadka reer magaalka ma guurtada ah iyo wixii la xiriiraa ay ku dhaqmaan.
  • Xeer beereed oo dadka beeraleyda ma guurtada ah iyo wixii la xiriira ay ku dhaqmaan.

Hadaba sida taariikhdu sheegeyso ama suugaanta Soomaalidu tibaaxayso, ama abtiriska iyo magacyada awoowayaashii hore laga ogaadey, hab ku dhaqanka qabiilku weligiis waa jirey, waana kan Soomaaliya in ay qarannimo guud u gudubto afka oodda ka saaray, hase yeeshee hab ku dhaqanka qabiilku kan maantay waa ka hufnaa, qabiilka waxaa u talin jirey madax la doortey oo laga dambeeyo, qabiil kastaa wuxuu lahaa nin isman oo boqornimada loo duubay magac kasta ha loo bixiyee, sida boqor, garaad, ugaas, suldaan, iimaam, beeldaaje, malaaq, wabar, iyo wixi la mida, kuwaasoo xeer soo jireen ah iyo dhaqan filweyn oo awoowyaashii hore laga dhaxlay lagu caleema saaray, oo si sharaf iyo maamuus leh loo xurmeeyo loona adeeci jirey, golayaasha iyo geedkaba looga kici jirey, garta iyo talada guddoonka ugu dambeeya ayey lahaayeen iyo madax guurti ah oo la shaqeysa taladooda iyo tusaalahoodana lagu meel maro, aqoon iyo waaya aragnimana lagu doortey markey guriga iyo geedka yimaadaanna gogosha looga kaco.

Raggaa maqaawiirta ah iyo qaafo aan ka dhicin ayaa tan iyo aamanuudii talada Soomaalida waaqeelin jirey, arrimaha qabiilkana maamuli jirey, dhibaatada iyo mashaakilka dhacana maareyn jirey, colaadda iyo dagaaladana ka hor tegi jirey, hase ahaatee sidaan dhawaan xusi doono gumeysigii weji kaluu u yeelay, 1972kiina Siyaad Barre iyo raggiisii xarigey u jareen haybaddii iyo magacii ay shacbiga dhexdiisa ku lahaayeenna waa ka tuureen, qofkii soo hadal qaadana xabsigey u taxaabeen, taasina waxay keentay in kaalintoodii bannaanaato wax buuxiyana la waayo.

Qoraagu ku doodi maayo qabiil baa wanaag leh, qof oran karaana ma jiro, hase yeeshee markii la is barbar dhigo sidii waagii hore qabiilka loogu dhaqmi jirey iyo sida waayadaan dambe loogu dhaqmo waa laba heer oo kala hufan aadna u kala fog. Hadaba qabyaaladda Soomaalidu waxay soo martay heerar kala duwan oo heer walibana wuxuu lahaa wax yeelo fara badan iyo dhibaato qara weyn iyo ceeba fool xuma badan lahaa, aan heerarkaa u kala qaybino saddex marxaladood oo kale ahaa sidatan:

  • Marxaladda koowaad oo ahayd wixii ka horreeyey intaan gumeysiga reer Yurub dalka Soomaaliya soo gelin (1880kii), marxaladdaas waxaa jirey nidaam, dhaqan iyo caadaad hufan oo habsan, waa midaan soo niri hab ku dhaqanka qabiilku wuxuu ahaa mid hufan oo xishood, kala dambeyn iyo daryeel ku dhisan oo ay hoggaaminaayaan madax la doortay, guurti iyo odayaal taladooda iyo tusaalahooda lagu meel maro, maxaa yeelay? Waagii hore waxaa jirey xishood guud iyo xarraga qabiil, xurma xidid iyo xiriir qaraabo, soddog iyo seeddi, saaxiib iyo deris, xeer iyo dhaqan dadka ka dhaxeeya, xurmo waayeel iyo xiriir sokeeye, ergada sharafteeda iyo culimada karaamadeeda la dhowro, intuba maantay waa xurma beeleen.
  • Marxalladda labaad waxay ahayd muddadii gumeysiga oo ahayd intii u dhaxaysay 1880kii ilaa 1960kii, qabyaaladdu waxay gashay hab qaawan hase ahaatee gumeysigu cilmiyeeyey oo qawaaniin iyo barnaamij loogu adeegto loo dejiyey shacbiga iyo gumeysigana waxaa u dhexeeyey cuqaal ama duqey mushahar la siiyo oo gumeysiga u adeegta, markuu doonaayo in uu danihiisa qabaa’ilka ku saabsan meel mariyo had iyo jeer waxaa hor socda duqeydaas iyagoo fulinaaya ammarada gumeysiga.
  • Marxalladda saddexaad oo ah 30kii sano ee Soomaalidu gobanimada qaadatay qabiilku wuxuu galay hab siyaasadeed oo labadii marxaladood oo aan soo sheegnay ka duwan, qof kastaa oo doonaaya in uu wax helo ama magac yeesho ama wax dhiso ama wax dumiyo, siyaasi ha ahaado ama sarkaal ha ahaadee, duq hadduu yahay iyo duubi hadduu ahaa, hormuud hadduu yahay iyo hawlwadeen hadduu ahaa, wuxuu adeegsadaa magaca iyo awoodda qabiilka, markuu damco in uu is daafacana wuxuu gabbaad ka dhigtaa waa qabiilka, sidaas awgeed waxaa isku qasmay danihii qabiilka iyo siyaasaddii dawladda iyo maamulkii hawlaha qaranka iyo adeega bulshada.

Haddaan faalla gaaban ka bixino dhaqan xumida iyo halaagga qabiilku leeyahay iyo dhibaatada baaxadda weyn oo uu shacbiga dhexdiisa ka abuuro, waxaa lagu tilmaamay shaydaan qaawan oo qaar madaw, fool xuma badan, geesa dheer, indha galaalan iyo dhega balballaaran leh, af yaxaasa iyo carrab guduudan oo dhiig iyo malaxi ka dareeraayaan leh, ilka dhaadheer iyo ciddiyo fiiqfiiqan leh, dalool daas ah oo gadaal iyo horey u kuusan leh, luga qalqalloocan maja dhuudhuuban iyo caga daayeer iyo ciddiyo dhuuryo leh, wixii arkaaba ay ka cawdu bileystaan oo ka cararaan, waxaa lagu tilmaami karaa masiibooyinkaa dalalka adduunka qaarkood maantay ka jira masiibada ugu weyn, qabiilku waa aafada koowaad oo qaran jira burburisa, dawlad dhisnayd oo qaanuun iyo siyaasad toosan iyo maamul mideysan lahaydna dumisa, waa belaayo ummad isku duuban oo geyi nabada deganeyd kala furfurta bulsha mideysanna kala firdhisa, waa daacuun ummadda dhexdeeda ka dilaaca oo aan daawo lahayn, qabiilku waa falka shaydaanka laga cawdu billeysto oo qof kastaa iyo ummad walba tubta toosan ka marin habaabiya, waa dhaqan ummaddii hore ee jaahiliga rogey, kuwa haatan jooga qaarkoodna halista ku haya.

[sawir: bahal]

Qabiilku waa cudurka Soomaaliya gablanka iyo guuldarrada baday ummadaha ay isku eyniga ahaayeen oo qaranimada mar wada qaateenna ka reebay, qabiilku waa kan goobta ceebeed oo ay maantay caalamka ka taagan tahay iyo gelgelinta banaan dhigay, waa dab baxaaya oo dadkii iyo duunyadii iyo dalkiiba gubay.

In qabiil la isugu hiiliyaa ma banaan tahay?

Sidey diinta Islaamku sheegtay markii Nabi Maxamad ﷺ soo ifbaxay, dalka Carabta waxaa ka jirey tol ku faan iyo qabiilla ku tookh, xigta sheegad iyo xigaalo u dirir, waxay maraayeen heer laga fajaco. Hase ahaatee Islaamku qabiilka hab ku dhanqankiisa iyo in lagu faano aad buu ula dagaalamay, qabaa’ilkii Carbeed oo colaadda iyo cadaawaddu ka dhex taagneydna wuxuu ka dhigay ummad isku mid ah oo Islaamku walaaleeyey. Siduu Ilaahay ku sheegay Quraanka Kariimka ah suuradda 49aad aayadda 13aad: “War hooy dadoow waxaan idinka abuuray lab iyo dhedig [Aadan iyo Xaawo] waxaa idinka farcamay ummado iyo qabiilooyin [kala duwan] ujeedadu waxay tahay in aad isku aqoonsataan oo kaliya, [looma soo dejin in aad isugu faantaan ama isugu tookhdaan ama isku jeesjeestaan], Ilaahay agtiisa waxaa idinku wanaag iyo karaama badan kuwa Ilaah ka cabsiga badan.”

Ibnu Cumar isaga iyo aabihiisba raalli Alla haka ahaadee, wuxuu Nabi suubane ka wariyey nabadgelyo naxariisi korkiisa ha ahaatee maalintii Muslimiinta Makka furteen Rasuulku dadka wuxuu u jeediyey khudbad isagoo rakuubkiisii ku jooga, wuxuu yiri, “Ilaah wuxuu idinka dul qaaday jaahiliyada culeyskeedii iyo aabayaal ku faankii, dadku waa labo: qof baari ah oo cabsi badan Ilaah agtiisa deraja wanaagsan ku leh, iyo qof faajir caasi ah Ilaah agtiisa aan waxba u ool. Hadaba Ilaahaa weyn xukunkiisa kor ahaaye wuxuu yiri…” Markaasaa Rasuulku aayaddaa akhriyey.

Siduu Abuu Hureyra ka weriyey Nabigii suubanaa ﷺ wuxuu yiri, “Ilaaha aan laga sarreyn oo amarkiisu korreeyaa wuxuu idinka qaaday kibirkii iyo isla weynida dhaqamadii jaahiliyada iyo aabayaal ku faankii, dadku waa Muslim cabsi badan oo Alliyo Nabi rumeeyey iyo faajir daacadda Ilaah ka baxay, waxaa tihiin dhashii Nabi Aadam, Aadamna waxaa laga abuuray dhoobo dhab ah oo cayaar iyo kaftan aan ahayn, waa in aan ka fogaanno ragga tolka qabiil ku raanana, kuwaasu waa dhuxula Naareed oo Jahannamo dhuxulaheeda ka mid ah, Ilaahay agtiisana waxay la mid yihiin xaar walwaalka saxarada u heegan.*

Axaadiis badan oo Nabigii suubanaa ﷺ laga weriyey waxay caddeysay in xigto iyo xigaalo ahaan. Baadil la isugu gar gaaro Rasuulkii Ilaahay ummaddiisa waa ka reebay.

Jubayr binu Mudcim Alla haka raali ahaadee, Rasuulka ﷺ wuxuu ka weriyey, “Ninkii casabo xigto iyo xigaalo sheegtaa naga mid ma aha, ninkii asabo ahaan u dagaalamaana naga mid ma aha, ninkii isagoo casabo ahaan u diriraaya ku dhintaana naga mid ma aha ummaddii Nabi Maxamad ﷺ ka mid ma aha.

Waa’ilata binu Asqac raali Alla haka ahaadee waxay tiri, Aabahay waxaan ka maqlay isagoo leh, “Rasuulkii Ilaahay baan waxaan ku iri casabadu waa maxay?” Wuxuu yiri: “Waa inaad tolkaa gardarro iyo dulmi ugu gargaartaa ama ugu jiilisaa.”

Cabdullaahi binu Mascuud raalli Alla haka ahaadee, wuxuu Nabigii suubanaa ﷺ ka weriyey, “Qofkii tolkiisa ugu hiiliya waxaan xaq ahayn wuxuu la mid yahay awr ama rati ceel biri qoday ah ku dhacay oo markii la damcay in laga soo saaro dabadii oo go’da. Sidaa awgeed qofka Muslimka dhabta ah sina uguma bannaana dulmi iyo gardarro qabiilkiisu falaayo in uu ku taageero ama ugu hiiliyo, tan Soomaaliya ku halaagsantayna waa taas.

Dadka hadalka iyo murtida dhuuxaa waxay yiraahdaan xikmadda iyo murtida Soomaalidu waxay ku jirtaa maansada gaar ahaan, gabayga iyo geeraarka, taana waxaa marag u ah ninka xaaja qaadka ah iyo ninka aftahankaa labaduba markey eedka iyo golayaasha ka hadlaayaan iyo markii arrin murugtey laga hadlaayo ama tuurtidu garta qaadeyso had iyo jeer waxaa hal qabsi laga dhigtaa hadaladii, maahmaahdii iyo gabayadii raggii hore yiraahdeen. Hadaba dhibaatada dulliga iyo kala qaybinta qaranka iyo xumaanta qabiiiku leeyahay talo iyo tusaale run ah iyo in qabiilka laga fogaado waxaanu marag u soo qaadanaynaa gabay uu mariyey aftahan Soomaali ah oo qabiiiku wuxuu Soomaali baday ka xumaaday oo la yiraahdo Abshir Nuur Faarax Abshir Bacadle, wuxuu gabaygaa ku magacaabay Qabyaalad Iimaan La’aan. Waa gabay tilmaan cad ka bixinaaya dhibaatada iyo cirib xumaanta qabiiiku yahay, wuxuu yiri:

Qabiil iyo Iimaan La’aan

Markii lays qadariyaa murtidu qiima leedahaye
Qasadkiyo ujeedaduna waa qiira geliyaane
Sidaad ugu qotomisey nafluhu ugu qashuucaane
Munaasabad lagu soo qadimo kama qatoobaane
Suugaantu waa qayb ka mida qalabka taariikhda
Qoraaladuna qubaniyo dhacdaba waa qadariyaane
Nin waliba wuxuu noo qabtiyo qaladku noo geystay
Diiwaanno qaran baa jiroo lagu qorayaaye
Qof quraarad calashoo dejiyey qoomamay abide
Qarniyada dambaa kugu naclada ficilka qaarkiise
Haddaad qaranka kala goyn lahayd quruxso taariikhda

Quruun waliba cudur khaas ahoo qaybiyaa jira’e
Soomaali belo loo qoraayo qalinka loo saaray
Wax qabiil ka daran Jahannamaan qiray aqoonteyda
Qadartaana iga hiilisaye qolo ma sheegteene
Qof qalbigii qabyaalad iyo diin qaadi kari waaye
Umma qaybsamee meel uun bey qac uga siiyaaye
Maanaa qabiil door bidoo qaranka aafeeyey
Qabrigeyga maanaa gatoo qubaya diinteyda
Qatli muumin maanaa hub iyo kharash ku taageera
Maanaa qarankiyo ka taga qoolkii Nabigeenii

Waa quud ka dhigo ruux Muslima hilibkii qeyriine
Ilaahow intaba haygu qaban Qaadir baa tahaye
Qaraabo iyo rixin ehelnimaa loo qadariyaaye
Waa sanam qabyaaladi haddaad igu qancaysiine
Waa qaaxo iyo kaankariyo eydhis qaab darane
Waa cudurka qaybaha bulshadu qaran ku waayeene
Waa qaaba qawseyn dagaal qac iyo yaahuuye
Waa qanjir boogi qodatoo qurmoo qolofle weeyaane
Waa gorofta lagu qaybiyaa malaxda qayriine
Qandiga fuqurka iyo xaasidkoo qaraxa weeyaane

Waa magac saciid qiima tiray shaqina qaaleeya
Waa magac Rabbigu noo qadaray naguna qaameeyey
Waa magac quraafaad ahoo lagu qaraabtaaye
Waa magac rajcigu qaybiyoo qarash gareeyaaye
Waa qaar lagaa goysay wiil qiimaloo kacaye
Waa waxa qaxootiga ka dhigay boqol kunoo qoyse
Waa waxa qalbiga nooga riday qaata ubadkiina
Waa guri qabyaa weligiiyoo lagu qaraabtaaye
Waa qayb daroogada ka mida qiilna loo helaye
Qalbigiina ka ilaashoo wadajir qiimeeya
Qaangaar fidmoobee ilmaha yaan la qabadsiinin

Qisa murugo iyo yaab leh baan soo qadimayaaye
Qof Muslima qabyaalad u dilloon ficil iyo qawl geysan
Qasadkiyo ujeedaduna tahay lagu qisaasaayo
Qabiilkaa muxuu uga dhashoo qaadir uga yeelay
Qof kastoo ka qayb qaata ama qarash ku taageera
Naartii in uu qaban hayeey diintu noo qiriye
Nafta goorta laga qaadayoo laga qibloonaayo
Qarqaradiyo dhuunyeeriskiyo qaraw la taahiisa
Qac baa loogu siiyaa indhaha kiiskii loo qoraye

Diiwaanka qalinku ugu dhacay qoomamay abide
Qabyaalad iyo iimaan la’aan qooqay bay is helaye
Kumanyaal kharriban bay dhaleen qorina heegeysan
Oo qaaxo iyo eydhis qaba qaadse ku illaaway
Mar uun bay magaalada qaseen kuna qamaameene
Nimanka tafaha qaawanee qoriga heegeystay
Qacdii horeba bililiqay nagu qateeyeene
Ayagaa qabyaalad u asala xaaka qaabyaduye
Haddaan beledka laga qaban wallaa looga qaxayaaye
Qabiil qaran bedelay qorina helay oo nakala qaybshey
Oo aan wax noo qabanin baa qubaya dhiigeene

Afartaa qibliyo irrid walbay qori la joogaane
Quful bay intey nagu xireen furihii qaateene
Qunbuladii Horashiimoo kaley nagu qiyaasaane*
Qof inaanay naga reebin bay qalin ku duugeene
Qosol bay ku waashaan markay qaraxdu baaruudu
Waxba gabaygu yuu ila qarxine waa qabirayaaye
Kama quusto kheyr sheeg dadkuna igama qaataane
Rag uun baase qiimaynaayoo qoraya taariikhda
Ha qadarinin dimoqraadi waa qola afkaartoode
Hantiwadaagana laga quusayoo lagu qasaaroowye
Quboo daadsha labadaba wallaan lagu qaboobeyne
Quraankiyo surmaha muqadaskaa qaata xukunkooda
Qurratu-cayni Nabi Maxamad baan lagu qasaareyne.

*Wuxuu ula jeedaa qunbuladii Dagaalkii Labaad ee Adduunka lagu tuuray Jabaan.

Taariikh-nololeedka Abshir Nuur Faarax “Abshir Bacadle” haddaan in yar ka xusno, wuxuu ku dhashay dhulka Soomaali Galbeed tuulada Mustaxiil ee degmada Qallaafo ka tirsan, sannadkii 1946kii, magaaladaasuu ku barbaaray Quraankana ku bartay kutubta cilmigaana loogu bilaabay. 1963kii wuxuu u wareegay magaala-madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacayo, muddo gaaban ka dib wuxuu soo galay caasimadda Muqdisho. Wuxuu dhexda u xirtay barashada diinta Islaamka sida tafsiirka Quraanka Kariimkaa iyo kutubta tawxiidka Alle, isagoo waxbarashadiisa barbar waday ganacsi bacadlaha Muqdisho ee wax lagu kala iibsado, sidaasuu Abshir Bacadle kula baxay. Baxaaligiisu waa nin bashaash ah, dabeecad furan, aftahan ah. Taliskii Kacaankii mar buu xiray isagoo lagu eedeeyey gabay isku dir qabiil ah oo lagu masabiday, hase ahaatee waxay guushu raacdaa qofkii hiil Ilaah qaba. Buugan shan fasal oo ka mid ah waxaa ku jira shan gabay oo Abshir Bacadle tiriyey oo midba meeshii munaasibka u ahayd oo gabaygu ku habboonaa lagu qoray.

Taariikhda Muqdisho oo Kooban

Muqdisho waxay ahayd xarunta Soomaaliya muddo ku dhow hal qarni. Waxay ku taal ama dhacdaa markii laga eego dhanka juquraafiga xeebta koonfur galbeed ee Badweynta Hindiya, waxayna dhul-baraha ka xigtaa dhanka waqooyi bari. Waxay u dhaxaysaa labada khadood oo kala ah loolka 2.5 marka laga eego xagga dhul-ballaarka iyo dhigta 45.5 marka laga eego xagga dhererka. Waxay ahayd magaalo fil weyn magac dheer oo qurux badan muuqaalkeeduna indhaha soo jiito, qabowgeeda iyo kulleylkeedu waa dhex dhexaad, sidaasna waxaa ugu wacan dabaysha ama neecawda oo gugii, xagaagii, deyrtii iyo jiilaalkii ka soo dhacda Badweynta Hindiya iyo magaalada oo ku dherersan xeebta. Inkastoo dhulka qaarkiis kala sarreeyo hadana cimiladeeda xilliyadaa kala duwan qabow iyo kuleyl midna aad loogama dareemo.

[sawir: Muqdisho]

Xilliga xagaaga waxaa ka da’a xeebaha Banaadir oo dhan roob ceeryaamo ah oo loo yaqaan Xagaayo, roobkaas wuxuu bilowdaa horraanta bisha Juun, wuxuuna dhamaadaa horraanta bisha Agoosto, roobkaasi wuxuu ka da’aa xeebaha dhul-baraha ollogga la leh oo dhan. Xilliga deyrta waa xilliga magaalada Muqdisho cimiladeedu ugu wanaagsan tahay, geyigeeduna ugu quruxda badan yahay, hawaduna dhexdhexaad tahay, habeenkeedu waa maalin maalinteeduna waa habeen, bilaha Sebteembar iyo Oktoobar waxaa ka da’a roob, habaaska iyo dabayshuna waa yaraadaan, xilligaana waxaa lagu tilmaami karaa xilliga dahabiga ah ee Muqdisho. Xilliga diraacda oo dadka qaarkiis u yaqaan jiilaal magaalada cimiladeeda waxba iskama bedelaan, hase yeeshee bilaha kala ah Diseembar iyo Jannaayo waxaa ka dhaca dabayl qalalan oo ka soo dhacda dhanka waqooyi bari oo dhulka ka kicisa habaas, waxaa loo yaqaan Istaaqfuroow. Reer Xamarka asalka ahi waxay waqtigaas qalaan xoolo, waana duceystaan si uu Eebbe dabayshaas uga joojiyo.

Labada Magac ee Magaalada

Sida magaaladu ku caan baxday ama dadka Geeska Afrika degaa u yaqaan dhexdooduna ku faaftay miyi iyo magaalo, waxaa magaaladu leedahay laba magac oo mid waliba gaarkiisa u caan baxay, kuwaasoo kala ah Muqdisho iyo Xamar.

Lama sheegi karo labada magac Muqdisho iyo Xamar midka hor baxay iyo dadkii bixiyey, hase ahaatee waxaa lagu mala weyn yahay inuu magaca Xamar horreeyey. Muranse kama joogo in mid walba macna gaar ah xambaarsan yahay, waxaa habboon in aan xusuusanno in magaalooyinka filka weyn ee Soomaaliya ka jira ay mid waliba leedahay laba magac oo ilaa maanta loo yaqaan, waxaana ka mid ah:

  • Harar iyo Adari
  • Awdal iyo Saylac
  • Berbera iyo Saaxil
  • Xiis iyo Maydh
  • Qaw iyo Bandar Siyaad
  • Boosaaso iyo Bandar Qaasim
  • Butiyaalo iyo Khoori Baadil
  • Feylag iyo Xaabo
  • Xaafuun iyo Igaar
  • Xamar iyo Muqdisho

Waa laba magac oo loo yaqaan magaalo kaliya. Sidaas darteed waxaan dareemeynaa in magacyadaas mid walba xilli gaar ah lagu dhaqmi jirey. Haddeynu dib u eegno ahmiyadda Afrikada Bari leedahay gaar ahaan Geeska Afrika iyo afarta badood oo ku gadaaman iyo doonyihii ganacsi ee afartaa badood isaga gooshi jirey iyo halkey ku taal aawadeed, waxaa caddaan ah in magaalada Muqdisho qiima weyn oo soo jireen ah iyo taariikh fog lahayd.

Hadaba wax lala yaabo ma aha in magaalo filweyni yeelato laba magac sida Muqdisho iyo Xamar, hase ahaatee sidaan horey usoo xusnay lama caddeyn karo labada magac kii horreeyey iyo mid waliba xilligii lagu dhaqmi jirey.

Muqdisho

Haddeynu isku dayno in aan mid walba gaarkiisa u falanqeyno waxaa habboon inaan magaca Muqdisho horeysiino, waayo isaga ayaa haatan lagu dhaqmaa, dunida guudkeedana aad looga yaqaan, waana magac qarnigii la soo dhaafay aad u caan baxay oo qoraalada iyo qaamuusyada galay.

Magaca Muqdisho wali waa lagu muransan yahay meeshii uu asalkiisu ka soo jeeday, xilligii la bixiyey iyo qoladii bixisay. Bal aan barbar dhigno ereyga Banaadir oo lagu magacaabo gobolka ay Muqdisho tahay, ereyga Banaadir asalkiisii hore wuxuu ahaa erey Faarisi ah, ka dibna wuxuu u wareegey afka Turkiga, mar saddexaadna wuxuu noqday af Carbeed, waxaana loo yaqaan ama loo adeegsadey suuq ganacsi oo caan ah ama deked badeecooyinku ka soo degaan. Sidaas daraadeed shaki kuma jiro in magaca Muqdisho marxalado kala duwan soo maray, wuxuuna ku baxay dhacdo taariikhi ah, maxaa yeelay? Sida ka muuqata wuxuu xiriir la leeyahay ganacsi ay ku dhaqmi jireen dad ilbax ah oo magaalada Muqdisho deganaa.

Magaca Muqdisho qorayaal shisheeye ahi waxay ku tilmaamaan ama ku macneeyaan inuu yahay erey Carabi ah oo ah “maqcad” (kursi) iyo erey Faaris ah “shaah” oo ah magac guud oo ay la baxaan boqorada reer Faaris, labadaas magac oo markii la isku daro macnahoodu noqon karo maqcadu-shaah, kursigii boqorka, waa hadal aan raad la raaco lahayn, hase ahaatee aad loogu faafiyey qoraaladii laga qoray Muqdisho. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, “been fakatay runi ma gaadho,” maxaa yeelay? Taariikhdu ma sheegin talis reer Faaris ah oo ka jiri jirey xeebaha Afrikada Bari, hase ahaatee waxaa jirey ganacsi xoog leh oo ay lahaayeen.

Si kastaba arrintu ha ahaatee ama magaca ha loo fasiree sheekooyinka la iska dhaxlaa sidey sheegaayaan iyo waraaqo far guri ah oo odayaal arkay ay wariyeen waxaa caddaan ah oo aan muran ku jirin in magaca Muqdisho asalkiisu ahaa Maqdas kaasoo baxay markay Muqdisho noqotay qarnigii 7aad ilaa qarnigii 8aad xarun ganacsi oo wax lagu kala iibsado, markii ribix badan laga helayna loogu magac daray Beytul Maqdas oo ah magaalo barakeysan ee ku taal dalka Falastiin. Aan soo qaadanno magacyo arrintaas taageeraaya:

Magaalada Muqdisho waxaa ku xeeran tuulooyin dhowr ah oo loogu magac daray magaalooyin caan baxay xilligii fiditaankii diinta lslaamka, waxaana ka mid ahaa:

  • Tuulada la yiraahdo Baqdaad oo ka tirsan degmada Afgooye looguna magac daray xarunta taliskii lslaamka Baqdaad oo haatanna ah magaalo madaxda dawladda Ciraaq.
  • Tuulada Basra oo ka tirsan degmada Balcad oo loogu magac daray magaalada Basra oo ah magaala madaxda labaad ee dalka Ciraaq.
  • Tuulada Sabiid oo ka tirsan degmada Afgooye oo loogu magac daray xaruntii cilmiga ee Yaman una dhaxaysa Xudeyda) iyo Ticis.
  • Tuulada Misra oo ka tirsan degmada Afgooye oo loogu magac daray magaala madaxda Masar Qaahira oo waagii hore lagu magacaabi jirey Misra.

Hadaba sida taariikhdu qoreyso qarnigii 7aad dabayaaqadiisii iyo qarnigii 8aad dhalashadii Nabi Ciise ka dib waxaa xeebaha Banaadir aad u soo degey ganacsato Carbeed oo ka soo hayaamay gobolada Shaam iyo Beytul Maqdis dhacdo iyo Yaman, kuwaasoo loo maleynaayo in ay magaca Muqdisho bixiyeen, sidaa awgeed wax lala yaabo ma aha haddii la yiraahdo magaca Muqdisho asalkiisu wuxuu ahaa Maqdas oo loola jeedey magaalada barakaysan ee Beytul Maqdas.

Sidaas awgeed iyadoo labadaas qodob ee aan soo sheegnay la tixraacaayo waxaa lagu dhiiran karaa in magaca Muqdisho uu yahay mid ku abtirsada magaca Maqdis kana soo jeeday Beytul Maqdis.

[sawir: Xamar Weyne, 636 Hijri]

Xamar

Magaca Xamar asalkiisu waa eray af Soomaali ah, waxaana lagu tilmaamaa midab guduudan oo cawl ku laban yahay, waa magac miyi iyo magaalaba laga yaqaan, suugaanta Soomaalidana dhex galay sida gabayada, maahmaahda, heesaha, buraanburka iyo sheekooyinka. Gabdhaha waxaa loo baxshaa Xamaro. Hase ahaatee guud ahaan xamar Soomaalidu waxay ku magacaabaan jaad fardaha ka mid ah oo midabkiisu isugu jiro guduud iyo casuus cawl ah ama guduud iyo casuus madow yar ku laban yahay oo loo yaqaan xamar jilib madow, midabkaasina waa nooca fardaha ugu wacan oo Soomaalidu aad u jecel yihiin.

Qorayaasha qaarkood waxay yiraahdeen magaca Xamar wuxuu ka soo jeedaa dawladii Ximyar ee reer Saba, dawladdaas oo loogu magac daray ninkii aasaasay oo la oran jirey Ximyar bin Saba. Waxay muddo 500 oo sano ah ka talin jirtey koonfurta Jasiiradda Carbeed, laga soo bilaabo 115 dhalashadii Nabi Ciise ka hor ilaa 525 dhalashadii Nabi Ciise ka dib.

Qoraalada dawladaas lagu xusay waxaa ugu muhiimsan maqaalka lagu magacaabay Dadkii Madoobaa (Kitaabu Sinji) oo uu soo minguuriyey aqoonyahan Talyaani ah oo taariikhda Bariga Dhexe iyo dhaqamadiisa looga dambeeyo maqaalkaas oo aan la aqoon ninkii qoray, hase ahaatee mudnaan la cuskado leh. Waxaa lagu sheegay in dawladii Ximyar oo boqorkeeda la oran jirey Tubac ay aasaaseen magaalada Xamar looguna magac daray, sidaa daraadeed qorayaasha qaarkood waxay qabaan in magaca asalkiisu ka soo jeeday Ximyar ka dibna ku dhawaaqiisii isbedel ku dhacay oo uu noqday Xamar, taasna wax lala yaabo ma aha oo Soomaalidu hiddey u leedahay iney magac qalaad ugu dhawaaqdo si waafaqsan afka Soomaaliga sida ay ummadaha kaleba yeelaan kolkii ay ku dhawaaqayaan erey shisheeye isticmaalkiisa.

Haddaan soo gabagabeyno erayga Muqdisho asal ahaan wuxuu ugu dhow yahay magaca Maqdas iyadoo sabab barakeysi ah darteed loogu magac daray. Midda kale erayga Xamar waxaa loogu mala weyn yahay inuu ka yimi Ximyar oo ahayd dawlad ka dhisneyd dalka Yaman 500 oo sano ka dib dhalashadii Nabi Ciise xiriirna la lahayd xeebaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya ee magaalada Xamar xeebteeda ku taal. Odayaal Soomaaliyeed oo la wareystay waxay yiraahdeen ama wariyeen oo haatanba jooga tol Soomaali ah oo la yiraahdo Xamar Samaale, waxayna qabaan magaca Xamar inuu ka yimi aasaasihii magaalada oo lagu magacaabi jirey Xamar Samaale.

Goormaa Muqdisho la Degey?

Haddaan taariikhda magaalooyinka filka weyn ee xeebaha Afrikada Bari dib ugu noqono ma jirto mid la oran karo waagaasaa la degay ama taariikhdaas ayaa la aasaasay, waayo? Lama hayo wax qoraal taariikheed ah oo la cuskado ama la raad raaco, sidaas awgeed culimada taariikhda qoraa oo isku dayey iney wax ka qoraan waa isku khilaafeen magaalada Muqdisho markii la degay ama dhagixii u horreeyey la dhigay iyo dadkii degay. Hase ahaatee, qoraalada la hayaa waxay tibaaxayaan qarnigii 10aad dhalashadii Nabi Ciise iyo wixii ka dambeeyey, sidaa daraadeed waxaad moodaa in taariikhda Muqdisho xilligaa wixii ka horreeyey mugdi ku jirto, raadka la hayaana waxaa ugu muhiimsan sheekooyin kutiri-kuteen ah oo badankooda iska hor imaanaaya, kana fursan mayso in aynu sheekooyinkaa kala hufno oo wixii run u dhow qaadanno.

Sida laga wariyey odayaasha maskaxda ku haya taariikhda iyo sheekooyinka fac ka fac la isugu tebiyo iyo taariikh qorayaal kala duwani isku raaceen, magaalada Xamar markii hore waxaa deegaankeedu ka billaawday xaafada Xamar Jabjab lagu magacaabo oo ah dhulka u dhaxeeya buurarka bacaadka ah ee taag taagan oo haatanba loo yaqaan Xamar Jabjab iyo inta ku xeeran xaafadaa Xamar Jabjab. Sida magaca laga fahmaayo waxaa loo malaynaayaa in markii hore la oran jirey Xamar, hase ahaatee burburtay oo lagu magacaabay Xamar Jabjab oo macnaheedu yahay Xamartii duntay. Qarnigii 18aad bartamihiisii dhalashadji Nabi Ciise ka dib qorayaal booqday burburkii sarihii ka dhisnaa Xamar Jabjab farsamadii hab dhismeedka daarahaas iyo baaxaddii ay lahaayeen waxay ku tilmaameen mid lala yaabo oo heer sare ah.

Juqoraafiyahan reer Faaris ahaa oo magaciisa la oran jirey Cabdalla Mowlaa wuxuu sheegay in Muqdisho la aasaasay waayadii boqorradii reer Masar. Qoraa kale oo la oran jirey Romunsiyo isna wuxuu qabaa in Muqdisho la aasaasay taariikhda Hijriyadu markey ahayd 122, oo ku beegan 741 Miilaadi. Qoraa kale oo isna la oran jirey Roseeti oo si qota dheer u dersey taariikhdii Muqdisho markii la aasaasay wuxuu leeyahay Muqdisho waxaa la aasaasay 310 ilaa 325 Hijriyada oo ku beegan 925kii ilaa 932 Miilaadiga, dadkii magaalada dhisayna waxaa loo qiray iney ahaayeen kuwa aqoontooda iyo ilbaxnimadooda aad u sarreyso, hase ahaatee aan wax raad taariikheed ah laga hayn.

Aqoonyahanno dhowr jeer qoday meela ka mid ah xaafadihii qadiimka ahaa ee Muqdisho kuwa ugu dhismaha fac weyn, waxaa loo tegey dhismayaal gaboobay oo ciida hoos maray iyo dhismayaal kale oo burburay oo ka dul dhisan. Hadaba dhismaha qadiimka ah iyo kan ciidda hoos maray waxay culimada aqoonta u lihi ku qiyaaseen in lagu dhaqmi jirey 800 oo sano ka hor, sidaa awgeed waxaa la dareensan yahay in Muqdishowdii hore aasantay oo ciiddu awday sida laga wariyey odayaasha maskaxda ku keydiya taariikhda iyo sheekooyinka fac ka fac la isugu tebiyo. Dadkii Muqdisho aasaasay badankoodii geyiga Banaadir waa ka cirib tirmeen, iyagoo ay ugu wacneyd abaaro is daba joog ah, colaad iyo weerarana ugu darmay, wixii ka hareyna waxay u guureen xeebaha koonfur galbeed ee Keenya iyo dhulka ka shisheeya markey ciriiri geliyeen dadyow cusub oo ka soo guuray waqooyiga Geeska Afrika oo deegaankoodii iyo dhaqaalahoodii halis geliyey. Sida la wariyey inta la ogyahay Xamar dadkii degi jirey oo asalka u lahaa wixii ka haray waxaa ugu facweyn afar qabiil oo haatan duriyaddoodu ku dhaqan tahay Muqdisho, kuwaasoo kala ah Moorshe, Bandhaboow, Dhoorweyn iyo Iskaashato.

Afartaa qabiil oo aan soo sheegnay oo deegaankoodu ahaa Xamar Weyne waxay ahaayeen durriyaadkii ka haray dadkii Xamar aasaasay ka dibna is-urursaday oo noloshooda darteed isu bahaystay si ay gaashaanbuur u noqdaan haddii cadow kale dibadda ka soo weeraro si ay wada jir isaga difaacaan, qabiil kasta oo afartaa ka mid ahi waxay lahayd xeer hoosaad u gaar ah oo ay ku dhaqmaan, waxaana jirey xeer guud oo afartaa qolo ka dhexeeya oo ay ku wada dhaqmaan. Qabiil kastaa oo afartaa qabiil oo kor ku xusan ka mid ah waxaa ku dhex noolaa qabaa’il Carab iyo Cajam ah oo ka soo haajirey koonfurta Jasiiradda Carbeed iyo bartamaha Aasiya oo ku imaan jirey doonyo is daba joog ah markey yimaadaanna waa la kala filamin jirey si qaybiba qolo ula degto.

Sidaan horey u soo xusnay magaalada Muqdisho waxay ku taal marin halbowle ah (istaraatiiji ah) oo u dhexeeya saddex badood oo kala ah Badweynta Hindiya, Badda Cas gacanka Cadan iyo Badda Khaliijka.

Saddexdaa badood oo marin u ahaa maraakiibta xilliga bad furanka isaga gooshaaya bariga iyo galbeedka Afrika, Aasiya iyo Orobba, iyagoo raacaaya xilliyada kala duwan hadba meeshay dabeeshu u socoto:

  • Musareen (Asjab) oo lixda bilood ee bila dambarsame ka soo dhacda waqooyi bari.
  • Gudub oo saddex bilood ee guga oo lixda bila dirir ka mid ah ka soo dhacda koonfur galbeed, dabadeedna xilliga xagaaga baddu xiranto.

Sidoo kale magaalada Muqdisho waxay dhabarka ku haysaa dhul aad u baaxad weyn oo laba webi oo caan ah, Ganaane iyo Shabeele, dhex maraan oo beeraha iyo xoolahaba hodan ku ah, badeecadaha qaaliga ahna waagii hore laga heli jirey.

Shaki kuma jiro in ganacsatadii hore ee saddexdaa badood oo aan soo sheegnay isaga gooshi jirey ay maskaxda ku hayeen magaalada Muqdisho oo cadceedu dhab u ifmeyso, iyagoo dhagaha ka maqli jirey in ay hodan ku tahay badeecadaha qaaliga ah, sida dahabka, luulka, daanadda, cambarka, foolka maroodiga, xabagta quruxda badan iyo waxyaalo kala nooc ah. Sida taariikhdu xustay safaradii ugu horreeyey ee biimaha ahaa waxaa sameeyey Soomariyiintii deganeyd dalka Ciraaq 5000 oo sano dhalashadii Nabi Ciise ka hor, magaalo madaxdooduna ahayd Baabil. Kutubta qaarkeed waxay tibaaxaysaa qarnigii 8aad dhalashadii Nabi Ciise ka hor, in boqorrada Carabta magaalada Muqdisho looga qaadi jirey geed kuleylka cuntada lagu daro iyo dhirta udgoon ee guryaha lagu shito.

120 dhalashadii Nabi Ciise ka dib cilmi baaris taariikheed oo uu sameeyey qoraa la oran jirey Birinis oo uu ku magacaabay Wareegii Badda Ereteriya iyo Badweynta Hindiya, wuxuu ku sheegay in doonyaha Carabtu buuxiyeen dekadaha Afrikada Bari, gaar ahaan Muqdisho, Marka iyo Baraawe. Shaki kuma jiro in gedisleydii Carabtu qarniyo badan oo la soo dhaafay door weyn ka qaateen ganacsiga xeebaha Banaadir. Markaan taariikhda soo koobno waxaa marag ma doonto ah in Muqdisho ay ahayd magaalo ganacsiga caan ku ah, oo dunida kale aad looga yiqiin siiba soo ifbixii diinta Islaamka iyo qarniyadii ka dambeeyey.

[sawir: Damuumis-Wale]

Sidaan horey u soo sheegnay, Muqdisho waxay ahayd magaalo fil weyn oo qarniyaal badan la deganaa oo maalinna aan dabku ka seexan, sida runtaa ma ahayn magaalo siyaasadeed oo lagu tartamo ama had iyo jeer lagu hardamo, waxay ahayd magaalo ganacsi oo wax lagu kala iibsado, Afrikada Bari iyo Aasiyada Koonfureed isku xirta. Waxaa xukunkeeda isaga dambeeyey dawlado badan oo Carab iyo Cajamba lahaa, hase yeeshee waxaa raadkooda taariikheed la hayaa lix iyo toban dawladood.

[sawir: Askartii Talyaaniga, 1927]

1927kii markuu gumeysiga Talyaanigu qabsaday goboladii lagu magacaabay Soomaali Itaaliya, wuxuu Muqdisho ka dhigtay xarunta dalka Soomaaliya looga taliyo, sannadkii 1935kii markuu Itoobiya qabsadayna maamulka gobolada Soomaali Galbeed (Ogaadeeniya) wuxuu ku soo daray Muqdisho, sidaa awgeed muddo 65 sano in ka badan Muqdisho waxay ahayd caasimadda Soomaaliya. Dad badan oo ajnabi ah iyo dad Soomaali gobolada ka soo guurtey ganacsato iyo shaqaale dawladeed ayaa soo degey, mudadii ka dambeysay dab ma gelin dagaalna kama dhicin, aafa kalena ma helin, nabad iyo barwaaqo iyo horumar baa lagu deganaa 30kii sano ee dalka Soomaaliya dawladu ka jirteyna aad bey u camirantay xagga dhaqaalaha iyo dhismaha baaxaddeeda degaanna waa ballaaratey gaar ahaan 20kii sano ee dawladii Kacaanku dalka Soomaaliya maamuleysay.

Sida runtaa maalintii Maxamad Siyaad Muqdisho ka baxay guud ahaan magaaladu waa nabad qabtay, dhismaheedana wax burbur ahi ma gaarin, nalku waa u shidnaa, biyuhuna waa u socdeen, hawlaha adeega bulshada iyo isgaarsiintuna waa shaqeynaayeen, haybadda magaaladuna waa dhaqneyd, in kastoo ciidamadii dawladii Siyaad Barre madaafiic cabsi gelin ah ay ku rideen dhawr meelood oo ka mid ah xaafadaha dhanka waqooyi bari, si ay u joojiyaan kooxa ciidama mucaarid ahaa oo goobahaas isku urursanaayey, dhismayaasha qaarkood wax yeelo ayaa gaartay, hase yeeshee waxay ahayd waxyeelo fudud oo laga kaban karo. Markii dawladii burburtay nidaamkiina kala daatay oo wax waliba faraha ka baxeen, xukuumad laga cabsado iyo sharci wax kala haga iyo aqoon wax kala celisaa aanay jirin, magaaladii waxay noqotay gelgelin iyo goob lagu kala guurey.

[sawir: Muqdisho oo nabad ah]

Dagaalladii Muqdisho

Waxaan ka soo hadalnay taariikhda Muqdisho oo kooban, labada magac ee magaalada Xamar iyo Muqdisho, iyo sida loo maleynaayo markii Xamar la degey. Hadaba dagaaladii sababay dumista iyo burburka magaalada Muqdisho waxaa dhaliyey khilaaf dhex maray isbahaysigii ururka Yuu.Es.Sii oo ku heshiin waayey jagadii madaxtooyada iyo sidii xukunka loo wadaagi lahaa, taasaana keentay in magaalada caasimadda Muqdisho madaafiic lagu garaaco.

Maxamad Faarax Caydiid oo isku wadey in uu yahay guddoomiyaha ururka Yuu.Es.Sii iyo ammaanduulihii ciidamadii Maxamad Siyaad Muqdisho ka saaray, kursigii uu 21ka sannadood ku fadhiyeyna ka tuurey, wuxuu filaayey in loo aqoonsado halyeyga koowaad ee isbahaysigii ururka Yuu.Es.Sii oo ka koobnaa qabaa’ilka Hawiye iyo Xawaadle oo ku dadaalaayey in ay awooda dalka xoog ku qabsadaan. Sidaa awgeed wuxuu isu caleema saarey inuu yahay madaxweynaha dawladda Soomaalida oo Muqdisho laga dhisi doono, isagoo maskaxda ku hayey axdigii saddex geesoodka ahaa ee Mustaxiil oo ay wada dhigteen Janaraal Caydiid, Cabdiraxmaan Tuur iyo Axmad Cumar Jees. Hase yeeshee nasiib darro fikradaas uma hirgelin. Ayadoo aan Caydiid la tixgelin talana la weydiin waxaa madaxweyne loo magacaabay Cali Mahdi Maxamad, waayo? Golaha Dhexe ee ururka Yuu.Es.Sii waxay diidanaayeen in askari Maxamad Siyaad ka dambeeya xukunka Soomaalida gacan ku yeesho.

Maxamad Faarax Caydiid arrintaa waa qaadan kari waayey, waxay ku noqotay la yaab iyo dhabana hays, waxaa taa uga sii darnayd markii dawladii dhalanteedka ahayd la dhisay, in jago laga siiyo iska daaye magaciisa lama soo qaadin. Sidaa awgeed Caydiid, Cali Mahdi iyo taageerayaashiisii wuxuu ku magacaabay Sulux iyo Maanafeesto, wuxuuna ku tilmaamay koox dib-u-socod ah oo xukunkii boobtay, dabadeedna wuxuu goostay in aanu dawladda Cali Mahdi aqoonsanin, wuxuu heshiis la galay ururka Es.En.Em ee waqooyi si aanay marna dawladda u aqoonsan, wuxuu go’aan ku gaaray in uu xukunka afgembi ku qabsado mudda kasta haku qaadatee. Arrimahaas dhaliyey dagaalkii lagu hoobtay ee caasimadda Muqdisho ku burburtay, khasaare aan laga soo kaban karinna keenay, taasoo aan dhawaan soo sharrixi doono.

Haddaba in kastoo magaalada Muqdisho waxyeelo badan loo geystay muddadii u dhaxaysay bishii Jannaayo ilaa bishii Oktoobar 1991kii, waxaa la oran karaa taasi waxay ahayd waxyeelo xaddidan, markii loo eego burburkii iyo dumintii ku dhacday afartii bilood ee u dhaxaysay Nofeembar 1991kii ilaa bishii Maarso 1992kii tallaabooyinkii legdanka awooda siyaasadeed ee Muqdisho iyo ololihii dagaal ee ururka Yuu.Es.Sii ka dhex aloosnaa ee magaalada lagu dumiyey waa sidatan:

Bishii Juun 1991kii waxaa dhacay dagaal hor dhac ah oo afar maalmood socday oo dhex maray qabiilka Habargidir oo Caydiid hormuudka u ahaa iyo qabiilka Abgaal, dagaalkaasi wuxuu kordhiyey colaad iyo is aamin la’aan hor leh, hase yeeshee odayaal iyo rag wax garad ah baa ka hortegey si ay arrinta u qaboojiyaan, waxaana loo saaray guddi ururka Yuu.Es.Sii ka tirsan oo ka gar qaybiya qoladii gardarrada lahayd.

Bishii Luulyo horraanteedii, Caydiid waxaa loo doortay guddoomiyaha ururka Yuu.Es.Sii si looga fogaado khilaaf ka dhex dhaca qabaa’ilkaa is bahaystay. Doorashadaasi nabad iyo wada shaqeyn ma keenin, waayo? Caydiid wuxuu u dagaalamaayey jagada madaxweynaha, shirkii Jabuuti in uu ka qayb galo waa diiday, hase yeeshee waa lagu dirqiyey, dabadeedna wuxuu u diray wafdi heer sare ah. Nasiib darro waxay dhacday markii shirkii Jabuuti* laga soo saaray in Cali Mahdi madaxweyne ku meel gaar ah loo doortey muddo laba sano ah iyadoo aan Caydiid lala tashan isagoo ahaa guddoomiyaha ururka Yuu.Es.Sii, wuxuu sii wareeray markii loo magacaabay Cabdulqaadir Maxamad Aadan Soobe madaxweyne ku-xigeenka koowaad, Cumar Macallinna madaxweyne ku xigeenka labaad, Cali Mahdina Cumar Carte u magacaabay ra’iisul wasaare, isagoo xataa aan tala la weydiin Janaraal Caydiid. Maalintaas wuxuu si rasmi ah u caddeeyey in aanu dawladaas aqoonsanayn kana soo horjeedo.

Bishii Sebtember horraanteedii 1991kii, Caydiid wuxuu si toos ah dagaal lix maalmood socday ugu qaaday dawladii Cali Mahdi, dagaalkaas xaafada ka mid ah magaalada Muqdisho ayuu burbur xad dhaaf ah u geystey, dhismayaal waaweyn oo xudunta magaalada ahna waa dumiyey, dad badan oo aan tiro lahaynna waa ku dhinteen. Dhibaata kasta ha geystee ciidamada Caydiid wax guul ah kama gaarin, dagaalkaasi wuxuu sii xoojiyey colaadii iyo fidmadii labada qolo ka dhex aloosneyd. Khudbad Cali Mahdi berigaas jeediyey wuxuu ku sheegay in aanu mar dambe u dulqaadan doonin falalka burcadnimada ah ee qaswadayaashu dawladda ku meel gaarka ah ku maja xaabinaayaan, waxaanu ku hanjabay in uu gacan bir ah ku qaban doono.

Bishii Oktoobar 1991kii, waxaa magaalada Muqdisho sahan ku tegey wafdi Mareykan ah si ay u ogaadaan waxay ku sugan tahay, warbixinna dawladda Mareykanka uga keenaan, ma qaddinkii wafdigaa madaxda ka ahaa oo magaciisa la yiraahdo Roobad Koot (Robert Kote) wuxuu ku waramay in aanu weligiis arag burbur sidaas oo kale ah ama mid ka xun, hanaan maamul ma jiro dhismihii magaaladu waa burburtay, noloshii waa baaba’day, nal iyo biyo midna ma laha. Hase yeeshee su’aashu waxay tahay, wafdigaasu magaalada Muqdisho hadduu imaan lahaa bishii Maarso 1992kii muxuu oran lahaa? Muqdisho waxay noqotay lama dagaan.

17kii bishii Nofeembar 1991kii, waxaa Muqdisho si toos ah uga biloowday dagaalkii lagu hoobtay oo dad iyo maalba ku halaagmeen magaaladuna ku burburtay oo dhex maray ururka Yuu.Es.Sii oo hab qabiil laba u kala qaybsamay:

  • qabiilka Abgaal oo Cali Mahdi Maxamad madaxweynaha dawladda ku meel gaarka ah ammaanduule ka yahay iyo qabiilka Murursadaha oo mar dambe ku soo biirey oo dhinac ka soo jeeda.
  • qabiilka Habargidir iyo Xawaadle iyo qabaa’il kale oo ay isbahaystaan oo Caydiid ammaanduule ka yahay oo dhinac ka dagaalamaayey.

Waxaan fasalkii Muqdisho iyo Maamulkii Yuu.Es.Sii ku xusnay, bilihii xasuuqii Daaroodku magaalada Muqdisho ka socday in Hawiye badan Daarood ahaan loo laayey gaar ahaan qabiilka Sacad oo ay Majeerteenka Mudug isku dhaqan dhow yihiin, Daarood badanina ku nabad galay markay qabiilka Habargidir sheegteen gaar ahaan Sacad.

Haddaba nabsigu waa hooska labadiisa gelin, bishii Nofeembar 1991kii markii dagaalkii lagu hoobtay Hawiyaha dhexdiisa ka qarxay, Habargidir badan baa ku baxsatay magaca Daaroodka, markay Abgaalka u sheegteen Daarood Majeerteen.

Dagaalkaasi wuxuu ahaa kii ugu fool xumaa dagaaladii qabiil ee Muqdisho ka dhacay, wuxuu socday afar bilood in ka badan, Janaraal Caydiid oo dadka yaqaani ku tilmaamaan arxan laawe aan naxariis lagu ogeyn wuxuu magaalada gees walba ka dhigay madaafiicda noocyada tiknikada hubka  oo aan hogaamin iyo liishaan toosa lahayn oo hawaawir loo rido.

Muqdishow waxay noqotay goob dagaal iyo gabaahiir lagu kala guurey. Afar bilood ayaa gudaheeda madaafiicda goobta si joogta ah loogu garaacaaye guud ahaana daarihii qadiimka ahaa iyo goobihii taariikhiga ahaa iyo kuwa casriga ahaa iyo guryihii deegaannada dadweynaha oo magaalada xudunta u ahaa waa la dumiyey, wixii aan madaafiicdu haleelinna mooryaan iyo tuugaa daaqadihii iyo albaabadii kala baxay daboolkii korena ka fuqsaday, dhammaan waxaa burburay oo madaafiicdu dumiyeen dhismayaashi adeegga guud sida xafiisyadii maamulka dawladda, wasaaradihii, dugsiyadii wax barashada, oo boqol iyo dheeraad dugsi gaaraayey, Jaamacaddii Ummadda iyo kulliyadeheedii, machadyadii mihnadaha, isbitaalladii, warshadihii wax-soo-saarka oo sidaan dhawaan soo xusnay 60 ka badnaa, shirkadihii, goobihii isgaarsiinta, waddooyinkii, saldhigyadii korontada, haamihii kaydka shidaalka, hudheeladii, bakhaaradii iyo suuqyadii ganacsiga.

[sawir: Shangaani]

[sawir: Hoteel Curuuba]

Muqdisho muddo dheer bay magaalo madax Soomaali u ahayd, waa magaaladii goolka xornimada dhalisay, waa magaaladii Soomaali oo kala maqan isu keentay, waa astaantii calanka. Xamar weeyoo xurmey mudan tahay. Hase yeeshee maantay waxay noqotay xabaalihii ummadda, dagaalla qabiil baa baabi’iyey oo dhibaataa ka dhacday. Hadaba su’aasha taagan oo la isweydiinaayaa waxay tahay, mar dambe magaalo madax Soomaaliya ma u noqon doontaa? Haddey noqotose sharafteedii iyo siday ahaan jirtey ma yeelan doontaa? Qaramada Midoobay iyo dagaal oogayaasha qaarkood waxay qabaan in Muqdisho tahay caasimadda Soomaaliya nabadda ka dhacdaana fure u tahay heshiis guud oo Soomaaliya ka hirgala.

  • Dadka qaarkiis waxay qabaan mar haddey Muqdisho burburtay oo deegaankeedii baaba’ay waxyaabihii nolosha bulshada halbowlaha u ahaana aan waxba laga arag oo magaaladii laga dhigay magaalo aan jirin oo kale oo ay noqotay qubuur, qiimahay shalay lahayd mar dambe yeelan mayso.
  • Qabaa’ilka Abgaal iyo Murursade waxay yiraahdeen annagaa leh oo waa goofkayagii caasimadna waa in ay ummadda u dhaxaysaa oo aan qolo sheegan.
  • Dadka qaar kalena waxay qabaan in ay magaalo madax ahaato, waayo? Dadkaa xumaaday oo dambiga galay ee dalkii ma xumaan waa magaalo la bartay oo xaddaarad fil weyn leh, muddo dheerna Soomaalida xarun u ahayd magaceedana caalamka laga bartay. Dad tiro badan baa ka xumaaday burburintii Muqdisho loo geystay.

[sawir: Shangaani]

[sawir: Shangaani]

Abwaan waddani heesaa ah oo magaciisa la yiraahdo Axmad Naaji Sacad oo Muqdisho ku dhashay kuna barbaaray oo sida runtaa caro iyo calool xumo ka qabatay dhaawaca magaaladii xarunta ahayd la gaarsiiyey, hees calaacal ah oo uu mariyey isagoo ku muujinaaya sida uu uga xun yahay sida Xamar dhismaheedii loo burburiyey deegaankeediina loo baabi’iyey, daaraheedii quruxda badnaa iyo waddooyinkii halloosiga ahaana loo dhalan rogay, dadkii degi jireyna loo sal kiciyey iyo sida hanti iyo hoyba loo tiray, heeskaas oo idaacadda Bii.Bii.Sii laga mariyey 1991kii waa kan:

Xamareey waa lagu xumeeyey, yaa ku xaal marin doone?

Xuduntayda meeshey ku xabaalneyd
Xigto iyo walaalaha xaruntoodii ahayd
Meesha Geeska Afrika ugu salaysneyd
Xanfar xaraarad kulul xabbad ay ku xooreen
Xoog xiin faniin badan, xaafadahay xasuuqeen
Xarragaday lahayd baa laga xayuubshey
Xasil iyo ammaan iyo xornimaan ku joognee

Xamareey waa lagu xumeeyey, yaa ku xaal marin doona?

Xidid iyo xigaalkii way kala xanaaqeen
Kuwii xaasidiintiyo kaa xorreeyey gaalada
Xeel dheerayaashii lagu wada xabaalee
Xeerkii Soomaaliyeed xaggee baad ku xoorteen?
Xil kas iyo wadaaddo xikmadoodii la diidye
Xasil iyo ammaan iyo xornimaan ku joognee

Xamareey waa lagu xumeeyey, yaa ku xaal marin doona?

[sawir: Muqdisho oo nabad qabta]

Marar badan waxaan soo sheegnay in gabyaagu dhacdada taariikheed ka cabiri og yahay hadalka afka laga yiraahdo, sidaa awgeed waxaanu qoraalada qaarkood fangeliney gabay tilmaan waafiya ka bixinaaya dhacdadaan laga hadlaayo iyo dagaaladii qabiil waxyeeladii qarada weyneyd oo ay Soomaalida u geysteen.

Gabaygaan oo loo bixiyey Danta Guud waxaa mariyey Abshir Nuur Faarax oo ku magac dheer Abshir Bacadle isagoo calooshu gubaneyso oo aad uga xun halaagga wadanka ku dhacay, wuxuu si toos ah uga hadlay danaha guud ee Soomaalida. Wuxuu si gaar ah cabbiraad cad uga bixiyey dulmigii dhacay iyo dagaalladii qabiil oo wax kasta boqonagooyey iyo dhibaatadey geysteen. Wuxuu si kooban oo tafatiran tilmaan uga bixinaayaa dilkii, dhacii, boobkii iyo burburkii Muqdisho ka dhacay iyo sidey deegaan ahaan iyo dawlad ahaanba u degal rogmatay. Gabaygaan oo ka kooban 152 beyd, qofkii si qumaati ah u akhrista ama u dhegeysta wuxuu si hawl yar u garanaayaa ama durba u fahmaayaa dhibaatada qarada weyn ee Soomaaliya saabatay oo asiibtay siiba Muqdisho wixii ka dhacay. Wuxuu yiri:

Cajal yahaw diyaarsani markaan gabayga soo daayo*
Degdeg iiga qabo waxaan ku faro hayga dayicine
Duruufaha na haystoo dhan baan kuu dulmarayaaye
Nin damiir leh gaarsii mar qura doqonna haw sheegin
Bal iney u diiraan murtida dib u heshiisiinta
Bal oo ay usoo yara dabcaan diinta nuxurkeeda
Dantaa i badaye gabay kuma degdego Maxamad Deeqowe
Warkase xalay soo duulay qalbigu way danqanayaaye
Ma dalooshadeen haamihii deeqda lagu kaydshey
Dab miyey sureen waa dulli aan xumaha ka daaleyne
Dusha aadamigey shaabahaan ficilna duurjooge
Waa yey wixii dihinba jecel iney ka diirtaane
Degani iyo sharaf lama tusoo waa ka diriraane
Debciga riibigey* leeyihiin mana dareemaane
Dadna uma ogola caanahana kama duurduurtaane
Illeyn doqoni calaf ma leh waxay dumiso mooyaane
Maraakiibtii iyo doonyihii didiye soow maaha?
Diyaaraadkii soo degi mayaan dalaka soow maaha?
Dab bey surahayaan meel kastoo dahaba soo maaha?
Dad iyo duunyo dabar gooya iyo dirira soow maaha?

Diirkoodaan malaha dawladnimo Daa’imba u qorine
Warkii loogu duurxuli jireyna waa ku soo duxaye
Allay lehe gunnimo daahirsade marag ma doontaaye
Dalka Afweyne inuu leeyahay qalin ku duugeene
Siyaadoow na daadihidii bay dib u xasuusteene
Durba waxay ilawdaa umuli dihashadeediiye
Illeyn doqoni calaf ma laha waxay dumiso mooyaane
Markey deeqa noo curatayoo darar ka dhowreynay
Oo doobiga u culanay bey daqey wareemeene*
Dugaag hilib bartoo waxay na helay dacay ku dhiiglaaye
Afartaba dabeey kaga qabteen kuna daloolsheene
Dambarkeeda nimaan maali jirin dawlad hanan waaye
Ha dubaaxinina caano waa idinku deeqdaaye
Dadweynoow su’aal diiran baan idin dareensiiyey
Duqii hore maxaa lagu eryoo kula dagaaleyney?
Dalka iyo dadkiyo diinta uu dumiyey soow maaha?
Daktatoornimuu keenay iyo dulun cad soow maaha?
Ka dar oo dibi dhal baan aragnay iyo furuqyo daacuune
Nin walbow walaalkaa dad qala ha u durbaan tumine
Dan baa naga dhaxaysoo dibaa loo xisaabtamiye

Wixii adiga kaa daadegaa lagu dawoobaaye
Dadku kuma qancaan been cadaan maro ku daahneyne
War yaan layna dabar goyn qabiil dawlad noqon waaye
Daliil kalena waa dood yaraan idin dareensiiyey
Duufaan madow baa qabsaday degaladeeniiye
Dugaag hilib bartoo waxay na helay dacay ku dhiiglaaye
Madaafiicda beelaha damiray looma aag dayine
Dariiqyada waxaan kaga dusnaa daayimoow magane
Nin waliba halkii dani dhigtaan kaga dareernaaye
Dariiqyada kuwaa dul u dhacoon maro ku duubneyne
Dukaafadaha qaar bey bisado hilibki diirteene
Daafaha magaalada kuwaa daadsanoo qubane
Sidii maydka loo duugi jirey haatan laga daaye
Iilkii daboolnaa ma jiro ama dahaaraaye
Naf baa diiday loxodkoo* god baan dalaq ku siinaaye
Afkaan ciidda kaga daadinaa kana dareernaaye
Ninkii loo dadaalaa wajiga wax ugu duubnaaye
Dhaawaca daryeel uma helliyo daawo iyo ceyshe
Nin dadkiisu qaataa ka nool una dadaalaane
Inta kale shafada daab kalaa lagu dibaaxaaye
Goortii la kala daadiyaa laga dareeraaye
Dandarrada dulliga nagu dhiciyo diifta nagu raagtay
Diihaalka iyo dalag lahaan duurka ku abbaadnay
Caasimaddii ugu door rooneyd dalakan Soomaali
Oo dalxiiska iyo daawashada lagu dakeenaayey
Waxaan deris wanaag iyo kalgacal debin ku ceyshnaaba
Dushaa loogu dhaanshaa biyaha daarihii Xamare
Nimaan qoriga deegta u surreyn waa ku dilayaaye
Duulaan aroorkii la baray doolo iyo hawde
Duf ku baxa kuwii diidanow dib u heshiisiinta

Daliil kalena waa dood yaraan idin dareensiiyey
Daroogo iyo derbiya jiif wixii qoriga deegeystey
Dukun daakun waxay naga dhigeen dooxatiyo tuuge
Waxay dumar kufsadeen wuxuush diini ka idlaatay
Wixii reer dib jirey doolar keen lagu dabaq siiyey
Dariiqyada isbaarada wixii nagu dul joogteeyey
Wixii daar burburay iyo wixii dabaqyo aafoobay
Wixii guri daboolkii saariyo daaqad laga dhowray
Ayax bililiqaa nagu dagoo diirtay beledkiiye
Aboorka iyo dooliga ka daran duuma leysiguye
Dalakaba waxaa ka dhaqan buushashkiyo gaari daxalaysteye
Intii kale dabley baa qabtiyo dooxatiyo tuuge
Danta guud dubaha lagu dhiftiyo daqarradii gaaray
Warshadaha dabkii lagu qabtoo cidi u diideynin
Dugsiyadii waxbarashada wixii daarad laga reebay
Dabkii korontadiyo waxay biyaha diiratadu leeftay
Waxay sida dugaaga u fagteen dibadna loo dhoofshay
Nin damiir leh baa kahanaye doqoni waa mooge
War ka daaya weli ma aana maqal dumiya mooyaane
Dad la yaab leh baan aragnay oon xumaha ka daalayne
Dal iyo dawladnimo iney dumeen dib u xusuusnaada
Inaan dagaalka wiil inoogu dhalan dib u xusuusnaada
Dadku inuusan kala maarmi karin dib u xusuusnaada

Daliil kalena waa dood yaraan idin dareensiiyey
Alloow yaa inoo diga wax baa naga dahsoonaaye
Alloow yaa inoo diga markaan duqa ku yaaceyney
Alloow yaa inoo diga markaan deriska riixeyney
Alloow yaa inoo diga markaan ugu darraaneyney
Alloow yaa daroogo iyo qabiil deli ka tuuryeeya
Alloow yaa dakanada iyo fidnada inaka daaweeya
Alloow yaa dagaalada ahliga dib uga waantooba
Alloow yaa difaaciyo amniga dhidibadow duuga
Alloow yaa dabaadiga hariyo degalka noo caynsha
Alloow yaa dareen u leh inaan danaha guud eegno
Alloow yaa dalkeenii burburay doogga ka iftiinsha
Alloow yaa duruufaha kan adag dib uga sheekeeya
Alloow yaa faqriga inagu dul degey tacab ku daaweeya
Alloow yaa dadkii wada dhashoo la isku dacareeyey
Alloow yaa Ilaahay dartiis dib u heshiisiiya
Alloow yaa mar kale daawada deris wanaagooda
Alloow yaa ciidan dawlad mar u jeeda
Dib wax ugama sheegeen askari daayim abidkeeye
Mana dicaayadeyn mas’uul qaranku duubteene
Alloow yaa darsiga muqadaskaa dib ugu soo laabta
Alloow yaa dalkoo nabad gelyaa diinta ku hogaansha
Afartaa qabiil nimuu dishoo dudaya haw sheegin
Danta guud nimaan eeginoo doqona haw sheegin
Murti nimaan da’deeda gaarin iyo ducafa haw sheegin
Nimaan dhiigga daadana hayaa damaqin haw sheegin
Dalka nimaan u dhalan kuma duxdee duulow haw sheegin
Dad qal dib u heshiisiinta neceb dulucda haw sheegin
Nimaan diin lahayn iyo dabley dirirta haw sheegin
Afar jeeble deyn hore cunoo durugsan haw sheegin
Diktatoor dan gooniya watoo debecsan haw sheegin
Dambarkeeda nimaan maali jirin dawlad haw sheegin

Daliil kalena waa dood yaraan idin dareensiiyey
Dabley dooxataa iyo qabiil laysku dabar gooyey
Daryeel li’ida maatada dayacan lana duqeynaayo
Dambi nimaan lahayn oo sidii deero lagu tuujay
Dagaal aan dhamaan waxaa ka roon dawlad jaa’ira e
Mar uun dib u heshiisiinta qaran dhidibaduu duuga
Degdegna uga dhiga wiilashaa qoriga deegeystey
Ducaan idinku taageeraaya daayin abidkeeye
Markii diinta laga leexdayaan wada dugaagoownay
Dishibiliinna uu naga dhintaan kala dambeyn weynay
In calankeenii hoos loo dejiyey ama la duuduubay
Xornimadii dad badani u go’ana daaqad laga tuuray
Oo dunidu nala yaaban tahay doqoni waa mooge
Duf ku baxa kuwii diidanoow dib u heshiisiinta
Danta guud iyo sidaan uga hadlay dib u heshiisiinta
Annaan doc isu buuseynin oo diiradda u saaray
Raggii igu diiday oo yiri dux iyo dhiig laawe
Oo shalayto ugu diiday baa dawgii soo maraye
Anna digasho waa nacasnimee waa ku diirsadaye
Sidaan ugu danqaday bey malaha ila dareemeene
Inaan duca kusoo hooriyey damacday laabteydu
Ilaahaw dadkaa wada dhashee laysu dacareeyey
Ilaahayow dantood garad ka yeel ha isku duubmeene
Ilaahayow kalgacal daa’imiyo daacad ku hanuuni
Ilaahayow dawiyo nabad ku beer deriska eedooway
Dibna ha noogu soo celin dagaal waa na daashadaye*

* Waa caadada gabyaaga in uu wax ku hal qabsado.
* Waa bahal duula oo xoolaha cuna.
* Abshir waxaad moodaa in uu ka xun yahay dagaalkii Muqdisho.
* Wuxuu ula jeedaa mooryaantii dalka baabi’isay.
* Midabka iyo quruxda baabuurka oo la xumeeyo si aan loo damcin.
* Waxaad mooddaa in Abshir isagoo jibaysan gabaygaan tiriyey.

[sawir: Abshir Nuur Faarax “Bacadle”]

Duufaan Madow ma Mujaahidiin baa?

Duufaan Madow waxaa lagu magacaabay mooryaantii burcadda ahayd oo dal iyo deegaan, dad iyo duunyo, mood iyo nool, waddankii Soomaaliya nabaad guurisey shacbigiina salkiciyey, waayo? Sida roobka duufaanka ufada iyo dabaylaha wataa wax u baabi’iyo ayey dalkii iyo dadkiiba u baabi’iyeen, waxay ka samaysteen dhallinyaradii reer baadiyaha ahayd, oo jabhadihii qabiilka ku dhisnaa soo dagaal galiyeen iyo kuwii shaqada ka dhigtay xatooyada guryaha iyo baarashada jeebabka dadka iyo dibjirkii suuqyada magaalooyinka joogay iyo dambiilayaashii xabsiyada ku jiri jirey, kuwaasoo sidaan meela kala duwan ku soo sheegnay dagaaladii qabiil awood u yeeleen markay qoryo (banaatiikh) iyo rasaas heleen, guutooyinkaas burcadda ahaa waxay noqdeen manaxayaal oo aan cidna u aaba yeelin hooyadood iyo aabbahoodna Alla haka dhigee, markey qaad iyo daroogo ka dhergeen waxay noqdeen furuq iyo fanto bulshada ku dhex baahdey.

Duufaan waxaa loo yaqaan roob iyo dabaylo is wata oo biyuhu dhulka badankiisa qarshaan, daadkuna wax kasta qaado, khasaaro badan iyo wax yeelo deegaanka, beeraha iyo dhirtaba u geystaan, dadka iyo xoolahana dhibaato gaarsiiya.

Madow waa midab Soomaalidu aanay jeclayn oo sida badan naftu kahato, waxay nacaan waxay ku tilmaamaan belo madow ama jinni madow iyo wixi lamida.

Cinwaanka Duufaan Madow waxaa lagala soo dhex baxay laba gabay oo uu mariyey Abshir Nuur Faarax Abshir-Bacadle oo midkood la magac baxa Duufaan Madow, gabaygaa Abshir Bacadle wuxuu ka jeediyey xaruntii ciidamadii ka koobnaa isbahaysigii quruumaha badan oo Ameerika horseedka ka ahayd Yunitaf bishii Feberaayo 1993kii isagoo ka war bixinaayey dhibaatadii qarada weyneyd oo ay Soomaaliya ka dul qaadeen, gabaygaa wuxuu Abshir kaga qayb galay tartan loo galay barnaamij lagu magacaabay Rajo Soo-Celinta Soomaaliya, wuxuuna ku muteystay shahaado sharaf abaal marin ah, waxaana ka mid ahaa afartaan tuduc oo soo socda, wuxuu yiri:

Haddaydaan dan gaara iyo wadan dabin naloo qoolay
Oo diinta iyo dhaqankayaga duulan ku ahaynin
Dabkana nalaga wada ururiyoon qolana loo deynin
Duufaan Madow baad rajooy naga dulqaadeene.

Saddexdaan tuducna waxay ka mid ahaayeen gabayga uu ku magacaabay Danta Guud oo ka kooban 152 tuduc, wuxuu yiri:

Daliil kalena waa dood yaraan idin dareensiiyey
Duufaan Madow baa qabsaday degaladeeniiye
Dugaag hilib bartoo waxay na helay dacay ku dhiiglaaye.

Laga soo bilaabo bishii Diseembar 30keedii 1990kii oo la boobay lana baabi’iyey bacadlihii Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho tan iyo 1994kii waddanka Soomaaliya miyi iyo magaalaba waxaa ka socday dil, dhac, boob, bililiqaysi iyo burburin aan xad lahayn, waxaa cagta mariyey burcaddii lagu magacaabay Duufaan Madow. Soomaalidu markey nafleyda wax baabi’isa kuwa ugu khatarsan wax barbar dhigaayaan waxay ku hal qabsadaan oo masal u soo qaataan ayaxa iyo aboorka. Abshir Nuur Faarax Abshir-Bacadle gabaygii uu ku magacaabay Danta Guud oo uu wixii dhibaata ahaa oo Soomaaliya ka dhacay gaar ahaan Muqdisho isagoo sawir ka bixinaayey wuxuu yiri:

Wixii daar burburay iyo wixii dabaqya aafoobay
Wixii guri daboolkii sare iyo daaqad laga dhowray
Ayax bililiqaa nagu degay oo diirtay beledkiiye
Aboorka iyo dooliga ka daran duuma laysiguye
Dalkiiba waxa ka dhaqan buushashkiyo gaari daxalaystey*

[sawir: Shangaani]

Meelaha ay dhibaatada u geysteen dadkana aad u kadeedeen Soomaali iyo ajnabiba ay murxiyeen waxaa ka mid ah gobolada Labada Webi u dhaxeeya iyo gobolka Banaadir Muqdisho iyo agagaarkeeda, in kastoo markii ciidamadii shisheeye dalka Soomaaliya yimaadeen aad loola diriray wax badanna laga laayey hubkiina laga qaaday, hadana weli cabsi weyn bay ku hayaan, gaar ahaan dadka Muqdisho iyo agagaarkeeda degan, maxaa yeelay? Hubkii bay qarsadeen oo markey daganti arkaan la soo baxaan.

Haddii waddan halgan siyaasadeed ka dhaco ama dagaalla qabiil iyo qalalaase colaadeed ka qarxaan waxaa hubaal ah in dagaaladaas qabiil iyo halgankaas siyaasadeed la imaanaayaan erey bixin cusub iyo hal abuur sugaaneed oo aan horey loo aqoon ama u jirin sida gabayo, maahmaaho, magacyo hor leh iyo hadal murtiyeed.

  • Haddaba dawladdii Kacaanka ee Janaraal Maxamad Siyaad Barre madaxweynaha ka ahaa, jabhadihii mucaaradka ku ahaa waxay u bixisay magacyo kala duwan, sida mahbar, qurmis, burcad, argagaxiso, qaran dumis, xukun doon, qabiil ku gabad iyo jiritaanka qarankey ka soo horjeedaan*.
  • Sidoo kale markii dawladdii burburtay oo dagaaladii hab qabiil isu bedeleen oo dilkii, dhacii, boobkii iyo bililiqaysigii sharci iyo nidaam laga dhigtay, waxaa soo if baxay magacyo dadweynuhu bixiyey oo markii hore qaamuuska af-Soomaaliga macna kale ku lahaa ama wax kale loo yiqiin, magacyadaa waxaa ka mid ahaa mooryaan, jirri, alaalax, dhuljiif, agoon iyo dayday.

Magacyadaa waxaa bixiyey shacbigii dhibaatadu taabatay, magacyadaa markii macnahooda af Soomaali ahaan loo fasiro wixii markii hore loo yiqiin iyo waxa markan dambe dadweynuhu u bixiyey waxay kala yihiin, sidatan:

  • Mooryaan waxaa loo yiqiin dad cayr ah oo dagaagay oo aan waxba haysan, sharaf iyo xishood ka tegey oo waxay arkaan cuna, hase ahaatee magacii mooryaan waxaa lagu magacaabay dhallinyaradii reer baadiyaha iyo reer magaalka ahayd oo is biirsatay markii si sahal ah hubkii gacanta ugu galay, dabadeedna si aan xil kas ahayn ugu adeegtay, oo waxay arkaan dilay, dhacay, boobay, bilililqaystay, kufsaday, guryihii baartay, dadkana jid gooyo ku sameeyey meel walbana isbaara u dhigtay, markay wixii hanti ahaa oo dalka yiil afka u dhigteen dadkii gaajada iyo macaluusha la silicsanaa mucaawinadii hay’adaha gargaarku ugu deeqeen ka boobay baabuurtiina ka leexsaday. Magaca mooryaan inkastoo uu gobolada koonfureed iyo galbeed ku fiday asalkiisii hore waxaa laga bixiyey koonfurta gobolada dhexe iyo Banaadir Muqdisho.

[bog baa halkan ka maqan]

Waxaa kaloo jirey shan magac oo kale oo ay bixiyeen ammaanduulayaashii dagaalada qabiil hoggaaminaayey qaarkood, gaar ahaan ururka Yuu.Es.Sii. Hase ahaatee markii dambe waxaa halkudheg ama hal qabsi adag oo malleeshiyada qabiil lagu dagaal geliyo ama lagu hawl geliyo ka dhigtay is bahaysigii la baxay Yuu.Es.Sii Es.En.Ee si ay ciidamadooda ugu kiciyaan ama niyadda ugu dhisaan ama shacbiga ugu jaahwareeriyaan ama ugu dagaan, shantaa magac oo kala ah mujaahid, xaq u dirir, halgamayaal, taageerayaal iyo xoreyn, magacyadaasoo loo bixiyey mooryaantii habeen iyo dharaar qoriga u heegeysatay dagaal una tafa xaydnaa dilka, dhaca, boobka, bililiqaysiga, kufsiga haweenka iyo baarashada guryaha iyo baabuurta, burburiyeyna hantida qaran iyo tan dadweyne oo sida carsaanya badeedda, hadba gees u yaacaayey inta u dhaxaysa gobolada dhexe iyo gobolada koonfureed iyagoo waxay arkaan cagta marinaayey, kana soo horjeeday aqoon-darrada daraadeed xorriyadda, horumarka dalka iyo wax alla wixii ilbaxnimada ummadda keenaaya. Magacyadaa markii macnahooda af-Soomaali ahaan loo fasiro, sidaan kuwii horeba u soo qeexnay waxa waayadii hore loo yiqiin iyo waxa haatan loogu dhaqmay waa kala duwan yihiin, sidatan:

  • Mujaahid waa magac Carabi ah oo diinta Islaamka ku sheegtay qofka Ilaah dartiis gaalada ula dagaalama, ugu jihaada, naftiisa iyo maalkiisana u hura si diinta Islaamku kor u noqoto, sida Ilaah ku sheegay kitaabka Quraankaa suuradda 4aad aayadda 95aad iyo suurado iyo aayado kale oo badan, Nabi Maxamadna ﷺ axaadiista ku caddeeyey sharafta iyo karaamada iyo derajada dheeraadka ah ee qofka mujaahidka ahi Ilaah agtiisa ku leeyahay. Hase ahaatee mujaahidka halkaan lagu hal qabsaday waxaa loola jeedaa maata laysyadii ummadda Soomaaliya hoogga iyo halaaga baday, kuwii intey dadka hayb qabiil u kala saareen waa reer hebel ku xasuuqay, mujaahidiin waxaa lagu magacaabay nimankii wixii Ilaah iyo Rasuulkii ummadda Islaamkaa ka reebeen ku xad gudbay oo xaaraanta banneystay dalkana dhalan rogey dadkana dhacay, halaagii waddanka ka dhacayna horseed ka ahaa, waa yaab!
  • Xaq-u-dirir waxaa loo yiqiin nin dhulkiisii, xoolihiisii iyo xilihiisii laga dhacay ama dhulkii uu ku noolaa laga eryey oo ku dagaalamay si uu xaqiisa u dhacsado, hase ahaatee xaq u dirir waxaa lagu magacaabay mooryaantii boobka iyo bililiqaysiga hantida qaranka iyo hantida dadweynaha u tafa xaydnaa oo cabsi Ilaah iyo xishood aadane ka tegey oo xaaraanta u bareeray. Aan is-weydiinee maxaa laga dhacay? Yaase dhacay? Taasina waa yaabka yaabkiis!
  • Halgame waxaa loo yaqaan qof ama dad ka qayb gala hawl ujeeda la yaqaan leh oo wax ka qabashadeeda tartan iyo dadaal loo galay, hase yeeshee halgamayaal waxaa loo bixiyey kuwa shacbiga isir xasuuqa iyo waa reer hebel xabbadda u qaatay oo dhaca iyo boobka dadweynaha tafaha u xaytay, mucaawinadii hay’adaha gargaarku dadka baahan u keeneen leexsaday iyo kuwii ku gacan siiyey.
  • Taageerayaal af-Soomaali ahaan waxaa loo yaqaan dad kaalmo iyo wax tar u geystay dad dhibaataysan, hase ahaatee taageerayaasha la sheegay waxaa loola jeedaa diirtadii leeftay dalkii iyo dadkiiba iyo kuwii ku taageeray xumaanta.
  • Xoreyn waxaa loo yiqiin waddan gumeysi uu qabsaday oo laga xorreeyey ama qof loo talin jirey oo xor laga dhigay ama qof ikhyaarkii wax u sameeya oo aan cidi u talin, hadaba waa yaabka yaabkiiye, muddo 4 sano iyo dheeraad ah waxaan maqlaynay iyadoo kooxda Yuu.Es.Sii Es.En.Ee ku faanaayaan Muqdisho waanu xoreynay, Baydhabo waa la xorreeyey, Kismaayo waa la xorreynaayaa iyo gobolada la xoreeyey. Hadaba waa kuma gumeysiga magaalooyinkaa laga xorreeyey? Ma shacbigii deganaa ama kuwii ka qaxay baa laga xorreeyey? Mise xorreynta waxaa loola jeedaa tirtiriddii jiritaanka qarankii Soomaaliyeed mise burburinta hantidii qaranka? Hase yeeshee xorreynta la sheegay sida muuqata waxaa loola jeeday magaalooyinkii iyo goboladii mooryaantu qabsatay oo wixii hanti qaran ama hanti dadweyne ahaa laga gurtay dadkii deganaana qaarna la laayey qaarna laga sal kiciyey. Hadaba micniihu wuxuu yahay magaaladii la bililiqaystay waa la xoreeyey, degmadii ama gobolkii aan wali la teginna ama aan wax laga bililiqaysan lama xoreyn. Ujeedadu malaha waa sidaas. Aaway gobanimadii Soomaalida iyo hadalka qaarkii oo laga xishoon jirey?

Ma haboona in aan burcaddii la baxday Duufaan Madow faalla dheer ka bixino, waayo? Shacbiga Soomaalidu waa yaqaan waxay ahaayeen iyo waxay dalka u geysteen ama ummadda badeen miyi iyo magaalaba gaar ahaan dadkii ma guurtada ahaa, taasina waa taariikh lama illaawaan ah. Mooryaantii Duufaan Madow markii culimadu xukunkooda isweydiisey waxaa la caddeeyey in ay ahaayeen kufaar diinta Islaamka dibadda ka ah, waayo? Ficilkoodii waxay sameeyeen ka sokow markii Ilaah lala soo qaado, waxay yiraahdaan intey qoriga buntukha kor u taagaan, “Annaga kanaa noo ilaaha,” markii la yiraahdo, “War Ilaah ka yaaba oo ka baqa,” waxay yiraahdaan, “Ilaaha aad sheegeysaa mar horaan kala tagnay.” Sidaa awgeed waxaa la xukumay in ay ahaayeen wuxuush aan diin iyo iimaan midna lahayn.

Haddaba waxaa habboon in burcadda si wada jir ah loola dagaallamo, iyagoo aan la eegin hayb qabiil iyo halkey ka yimaadeen, haddiise mooryaan iyo tuug iyo burcad qabiil iyo xigto yeeshaan qalalaasa la waayi maayo, nabad gelyana la arki maayo, waddankana dagaal ka dhammaan maayo, dadkuna nabad iyo deganaan ku seexan maayaan, xasiloonina lagu caana maali maayo. ee sidaa hala ogaado, maxaa yeelay? Burcadda mooryaantu waxay aaminsan tahay ama rumaysan tahay haddii qoryaha laga qaado ama nabad gelyo la helo in noloshoodu khatar ku jirto, waayo? Waxay ogyihiin ficilkey samayn jireen.

Hadaba waxaan marar badan meela kala duwan ku sheegnay in gabayga Soomaalidu ka xoog badan yahay hawraarta tiraabta ah iyo hadalka dabuubtaa, dhibaatada rafaadka iyo shilalka dhacana ka muujin og yahay, dhacdada taariikheed ka cabbiri og yahay, warbixinta waayaha adduunka ka dhacana warrami og yahay, tilmaanta iyo ujeedadana ka caddeyn og yahay. Gabaygu wuxuu ka kooban yahay haddallo la xulay oo isu miisaaman iyo xuruuf qiyaasan oo midba meeshuu ku habboonaa lagu abbaaray, gabyaaga runta ahi wuxuu gabayga ka ilaaliyaa deelqaafka iyo aflagaadada qayaxan, wuxuu ku dadaalaa inuu aragtidiisa siyaasadeed iyo aqoontiisa maskaxeed siday la tahay gabayga ku soo bandhigo, wixii dhacay iyo waxa dhaliyey, sideedana gabaygu dadka dareenkiisa aad buu u saameeyaa, hadalka qofka maankiisa iyo maskaxdiisana raad xoog leh buu ku reebaa.

Hadaba aan daliil iyo marag u soo qaadano gabaygaan soo socda oo aanu u door bidnay in uu ku habboon yahay fasalka Duufaan Madow munaasibna u yahay, waayo? Gabaygu wuxuu sawir cad oo run ah ka bixinaayaa dilkii, dhacii, kufsigii iyo bililiqaysigii fool xumada badnaa ee burcaddii baadiyaha ka timid dalka iyo dadka u geysatay siiba Muqdisho waxay ku dhigeen iyo guud ahaan dhibaatadii dadka ku dhacday, gabaygaa waxaa mariyey abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo xog ogaal u ahaa masiibadii Xamar ku habsatay bilowgii 1991kii ilaa dhamaadkii 1994kii wixii ka dhacayna goob joog u ahaa. Abwaanku gabayga wuxuu ku magacaabay Masiibo, hase yeeshee anigu waxaan ku magacaabay Xog Waran Masiibo, waayo? Wuxuu si tafatiran u qeexaayaa burburkii iyo balaayadii Soomaaliya ku habsatay gaar ahaan caasimadda Muqdisho tii ka dhacday.

Mustafa wuxuu ku dhashay degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan 1932kii, taariikh nololeedkiisana wuxuu soo maray heerar kala duwan, hase ahaatee muddo 18 sano ah wuxuu ka tirsanaa kooxdii la magac baxday Hobalada Waaberi ee qaranka oo Muqdisho laga aasaasay 1971kii. Aragtidiisa siyaasadeed iyo aqoontiisa waaya arag, gabaygiisaa u markhaati ah, gabaygiina waa kan, wuxuu yiri:

Ma dawdabin beryahan gabayadaad iga dayeysaane
Dibnahayga waa taan ka jaray kii duxda lahaaye
Markii diinta laga booday iyo xaqa dariiqiisa
Daacaddiyo lilaahidii markii damacu ceebeeyey
Dhaqankii markii laga durkaan deyro ka ahaanay
Meeshee dagnaan lagu arkaba daafad lagu qaaday
Dib dambeeta yey isugu imaan warankii loo daabtay
Diloo dhaca ha joogtee marnaba doodi socon weydey
Denbi kii samayn aan la arag daa mid oranaaya
Markaasaan dantiisii ka baxay oo duubay oo dhigay

Maantana wixii igu diraan daaha ka caddeyne
Allahayow dagaalladii wixii duni ku aafoobay
Danyar iyo masaakiin ku lumaye ee dad iyo maal hoobtay
Dirac waxaan ku weyniyo nin raga geesiyaal dahaba
Wixii daar burburay dabaqya dheer dumayey oo shiiday
Darked iyo cariish iyo wixii jiingad kor u duulay
Madaafiic isdaba jooga wixiii nalagu soo daayey
Rasaas di’i sidii roob wixii nala durdursiiyey
Doc kastaba waxaan u yaaceynay dhinacna diideynay
Dib u soco horuu soco wixii la iska daba laabtay
Waxay doosha nala goynayeen oo bahal naloo daadshey
Wixii ay raqdeenii daadsaneyd duurka iyo hawdka
Deyr kastey xabaal uga dhigeen daarad iyo meerad
Wax dhiig daatay dhaawaca is dul yiil digifsane jiifay
Wixii mayd dorraad go’ay iyo shalay uu duqsigu fuulay
Dangaraarad socodkii xaglaha daalka rogi wayney
Dibnaha jiilkii naga saarnaa nuurku nagu duugmay
Dahabiyo wixii Faadumaba diif la halabaystay
Inan diib is marisiyo marwaba laga dul gawdiidey
Maxajabad dabooleyd wixii duluca loo gooyey
Masaajidda ay daba galeen dumar ammaan mooday
Saddex dir isu dhalay lagu kufsaday derin halkii tiiley
Hadba inanta daahane fureyn daraya tooreyda

Dhalin duurka laga keenay ay daafad nagu qaaday
Wixii dabar go’eenii in taa laysku diganaayey
Magacyadii na dagay iyo jabhado nagu dugaagoobay
Diiratadiyo xagatadii na rogee diirki naga siibay
Doqon iyo wixii dawdar falan dulun naloo geystey
Wixii diinta laga boodaayiyo xaqa dariiqiisa
Wax marxuun dushii biya la marin ciidda lagu duugay
Asagoo direyskiisii qaba dumarku aasaayey
Dhaqan doorsigii nagu dhacaye layska dalaqyeeyey
Wixii eeyo daanqaadayeen dadaan aqooneyno
Iyadoo tukuhu feenanaayaan layska dacal dhaafay
Daaduunka gaajada wixii aan la daban deebnay
Lafo aan dub iyo harag lahayn daqaqamnee luudnay
Wixii ina daymooda saseen dayga araggeena
Sidii duul Qiyaamaha ka yimi dunidii ay yaabtay
Annagoo dib jira oo lix qada oo diirmeen lugaheenu
Dubbe noogu dhacay lacagti sheeg meesha lagu duugay
Gaarigeennii ay naga dajeen duhurka foodiisa
Oo ayan xaafad dheer iyo la tegin doh iyo meel sii fog
Oo lagu dawaareynayaan dadab u jeedaalay
Dad ku lay ama ha laguugu dilo dahi na geysiisey
Ama ayey damaacin oo ku dhicin daan walba u goyney
Iska daa danaaxida lo’ iyo daanyarow ariye
Digaagiina waa naga rarteen nooma aanay deyne
Intey dalagii beeraha gurteen naga dareereene
Daruuriga cuntada wuxuu yahayba duqus ma dhaafeyne
Mid dambara mid nirig daadahayn dayrta midu foola
Intey soo dacayaan oo qaleen suuqa lagu daadi
Daawuus sariira leh kuraas miisas dacal yaalla
Ruumi daadsan daaqada qurxoon oo daawashiyo muuq leh
Xariir dalacsan dharkoo dooq walba leh daasas wada buuxa
Dukaamiyo hoteelaba wixii laga dareeraayey
Dadka qaar maryuhu duubanoo dawdaw ula rooray

Dusha aan waxba qaadin iyo gacmaha waxaan daduuceyney
Dugsuudiyo faraajiin allaab dul iyo hoos buuxda
Dahab iyo naxaas iyo wixii dadab guduu yiilay
Dibjir iyo wixii tuug gurtee dilindilqeynaayey
Magaalada la daabulan dhamaan dibadda loo dhoofshay
Warshadihii dalkeenii dhan baan daasad laga hayne
Fiila dhabar in le’eg ugama tegin cudur ha daaceene
Qabowdi’iyihii maydka bey dabay u dhoofsheene
Dawladnimada raadkeed la tiray dibu xusuusteeda
Diiwaannada qoraaladaan lahayn meel xun lagu daadshay
Degdeg hadal isgaarsiinta aad tiri taleefoonka
Telefishin la daawanahayiyo fiidiyaha duuba
Wax dareen ku jira horumareed daba iyo raad beelay
Mooryaan niman dallaalkoodii yahoo hordoodinaayo
Dariiqyada waxay nagu dhaceen dacas ma dhaafeyne
Ku nasiibso kaa darafka xiga keer dambiyo naagta
Bag dheh daalimiin waxay na tiri diirad nagu leefye
Duqa joogso waa baarashada dadab dadab dhiggeediiye
Duu afkaaga bay na dhaheen iyo gaws dambeydyada’e
Dalqadeena waa fiiriyeen sida dabiibkiiye
Islaan dhigatay oo buuxda oo dabacsanoo uur leh
Doolar baa ka buuxay dhaheenoo gacan u daayeene
Dhiigoo durduray waan ogayn lagu dawayn Soose
Hantideenii ay dilindillayn aan daawa ku ekaanay
War ii daaya oo dhiga illey doodi waa beriye
Dusha goortuu saartoo la tegay duca u raacsiinay
Caqli iyo damiiraanay qabin meel dubaaxida’e
Xataa dad in la cunay waan fili duunyo waa sahale

Afartaa danaafadii larkii daran shubkeedii dheh
Daliigihii masaa’ibihii damaqashadoodii dheh
Dun go’ii dareenkii na helay digigiftiisii dheh
Dawartadii balaayooyinkii dalalamtoodii dheh
Dooxanihii dabranihii cadawyadii dihidihiisii dheh
Daldalashadii dulligii bililiqada daqaradiisii dheh
Dad la rogay dabaadigii ka haray duluglihiisii dheh
Waayahay intaas waan dabroo daabacoo dhigaye
Meesha dihan darkeeduna aw jiro aan dawliska u jiido
Dardaryada daf iyo hirigta iyo hamag wax duuduubka
Dhigta qamaca bir dananayso oo duulaysoo dhacaysa
Wax delegan wax daadsan iyo waxa docduu yaalla
Da’ soddonna daloolkeen qabaa nagu dinaahyeeye
Dirqi waxaan maraakiib koruu daadka nala maaxay
Wax dushiis biyahoo ka go’ay oon la dubatownay
Naftu kii ay daysaba wixii daafta laga tuuray
Hadba dawladaan gala is niri diidnay oranaysey
Doonyaha wixii lagu baqday nala degtooy shiidey
Wax maydkeenu dulucaariyo’e dedaya xeebtoo dhan
Qabiil dakanadii wixii laysu dabandeebay
Waa reer Ducaale hala dilo dabacadda u rubtay
Sidii daaraha iyo goodirka didib afmeer yaacnay
Gugoo nagu daroori oo onkodi duuraan u hoyaadnay
Dardhashada qabowgii ufada daamanku isdhaafay
Annagoo dogoba oo qaawan oo muruxsan duubnaanay
Degaandega tukuhu uu ka tegey dani na geysiisay

Ubad baa darfaha na hayoo doobada ma ahayne
Dandarrada baroor aan damayn naga dul yeereysey
Halkaasaa la degi been dambi la’ dadan ku maaweelay
Sida doon jiilaal adagi dilay diiqalayuu soconay
Waxa qaxootigeenii durduray duurka iyo hawdka
Joornaaladu waxay daabaceen tii darxumadeenna
Wax indhuhu ilmada daadiyaan kii nasoo dayaba
Sanka wuxuu dalloolada qabsaday kii dug naga qaaday
Dibu dhigo hargaha dubashadiiye doog baxiyo cawse
In maryihii la daaqoo la cunay dunidu faafsheene
Qarankiina waa naga dunsheen oo daadku la carrowye
Calankiina dalaw laga ridyoo wuu dabayshadaye
Qalbiyadii dunnaa kala tagoo laysku dumi waaye
Nin waliba deegaankuu ka yimiyuu dorraad furaye
Iney deristo waa calaf saadid baa galaye

Waxa intaasoo dambiya u dhacay ee dabku u qiiqay
Haddaan daribta laysiin asaan kuruska lay deynin
Dabaca iyo haddaan dhuumatada daqayda lay raacin
Duuf ciidaan iyo hilibka ku rogiyaa dib loo cunine
Sheekase duul horuu yiriye haddaan dacal ka soo jeexdo
Islaantii qadada loo diraye ee diga ku hawsiisay
Daboolaan intey kari is tiri deebta ku habaastay
Iyaduba docdeeday ka cuni deeq xun baaliduye
Dawligaa abaal marinta bixin oo daalimiin qabane
Darajadeena Eebbaan ka sugi oo deeq ma waaya ahe
Midhse iga dardaarana haddaan dib ugu soo laabto
Dad is dhalay oo duntoodu isku taal oo dir qura sheegta
Dubka dhaqanka diintiyo afkana kala duneyn toona
In dirir iyo colaadi ooy dhex taal waa doqonimo’e
Qalbiga daxal ka soofeeya oo daahiriya laabta
Isku duubni iyo hay midnimo daabka u adkeeya.

Sidaan horey u soo xusnay dagaalladii Muqdisho ka dhacay abwaanka gabaygaan mariyey goob joog buu u ahaa.

Dil Bareer ah

Hadaba qofka Muslimka ah in si bareer ah loo dilaa Eebbe ummaddiisa waa ka reebay, sida ku soo degtey Kitaabka Quraanka Kariimkaa suuradda 6aad aayadda 151aad iyo suuradda 17aad aayadda 33aad, “Ha dilina naftii Eebbe dilkeeda reebay oo xarrimay in xaq darro lagu dilo in si xaq ah loo dilo mooyee.”

Hadaba sida Quraanka Kariimka ah Eebbe noogu sheegay suuradda 4aad aayadda 93aad qofkii qof Muslim ah dilaa Aakhiro wuxuu mudanaayaa cadaab kulul iyo ciqaab fool xun, amarkiisu-kor-ahaaye wuxuu yiri, “Ruuxii qof mu’min ah oo [Alliyo Nebigii rumeeyey] si bareer iyo ula kac ah u dilaa abaalkiisu waa in Naarta Jahanama dhexdeeda lagu waariyaa, Eebbena waa u caroodaa waana la nacladaa, wuxuu Eebbe u dalbaa cadaab weyn.” Maxaa yeelay? Ma fududa qofka Muslimka ah naftiisu waa qaali Alla agtiisa, mana bannnaana in lagu xad gudbo.

Saxaabiga la yiraahdo Baraa’ bin Caasib, raali Eebbe haka noqdee, wuxuu Nebiga ﷺ ka weriyey inuu yiri, “Adduunyada iyo waxa ku sugan oo rogmada ayaa Eebbe agtiisa ka sahlan in ruux Muslim ah la dilo.” Hase ahaatee Soomaalida badankeeda dilka qofka ugama duwana biya la kabado.

Haddey laba Muslim ahi is dilaan labaduba waa ehlu-Naar sida laga wariyey Nabi Maxamad ﷺ, bal in ay is dilaan iska daayee qofka Muslimkaa diinta lslaamku waxay faraysaa in aanu qof Muslim ah u caraysnaan saddex maalmood wax ka badan. Hadaba waxaa dhacday in caradii iyo colaadii ay gaartay heer dadkii walaalaha iyo wax wadaaga ahaa xabbad, bambooyin, madaafiic, sawaariikh iyo hubka laysku garaaco oo aan qofna qof kale naftiisa bixineyn iyadoo aan wax dhexyaal oo ay ku diriraan aanay jirin, nin waliba dhiig walaalkiis waa daadiyey waana ku baashaday adduunka iyo Aakhiro wuxuu ka helaba.

Sinada (Dhillaysiga)

Sinada iyo fuxshigii Eebbe ummadda ka mamnuucay baa la xalaashaday, haweenkii baa xoog iyo xabbad lagu kufsaday, foolxuma tii ugu xumayd baa la falay, taana Eebbe ummaddiisa waa ka reebay, waana uga digay sida lagu sheegay Quraanka Kariimkaa suuradda 17aad aayadda 32aad, “Dhillanimada (sinada) ha u dhawaan waa fal aad u fool xun waana jid la maro kan u xun.”

Xoolaha Boolidaa

Dadka xoolihiisii baa si bareer ah loo dhacay oo [] lagu faanay, Eebbena taa ummadda waa ka reebay, sida lagu sheegay Quraanka Kariimkaa suuradda 2aad aayadda 188aad iyo suuradda 4aad aayadda 29aad Eebbe amarkiisu-kor-ahaaye wuxuu yiri, “Kuwa [Alle iyo Nebiga] rumeeyey ha u cunina xoolihiina dhexdiina si baadil ah [xaaraan ah] intaan ka ahayn ganacsi aad raalli isaga tihiin mooyee, naftiina ha dilina, Eebbe wuxuu idiin yahay Naxariste.”

Ibnu Cumar, raali Alla haka ahaadee, wuxuu Nebiga ﷺ ka wariyey, “Dulmigu maalinta Qiyaamaha waa gudcuryaal.” Hadal iyo dhammaantiis, nin waliba dhiig walaalkiis waa daadiyey, xaaraanna waa ka dibiray, wuxuu ka helaba, hase ahaatee sida Quraanka Kariimkaa Eebbe noogu sheegay suuradda 14aad aayadda 24aad, “Ha u malaynina in uu Eebbe halmaansan yahay dulmiga ay falaayaan daalimiintu, wuxuu ugu dib dhigaayaa maalinta ay indhahoodu la taagmaan dhibaatada haysataa darteed.”

Muslim iyo Tarmidii iyo kuwa kale waxaa Abuu Hureyra Rasuulkil Alla ﷺ ka wariyey, Rasuulku wuxuu akhriyey aayadda 172aad suuradda al-Baqara, “Kuwa [Alle iyo Nabiga] rumeeyayow cuna waxa wanaagsan oo aanu idin siinay [idinku risaaqnay] kuna mahdiya Eebbe haddaad tihiin kuwa Alle caabuda,” ka dib Rasuulku wuxuu xusay nin safar dheer soo maray, timihiisu boodh iyo habaas buuxiyey, wuxuu cunaayaa xaaraan yihiin, wuxuu cabbaayaa xaaraan yihiin, dharkuu qabaa xaaraan yahay, oo xaaraan ku quraacday oo labadiisa gacmood cirka u taagay oo leh, ‘Yaa Rabbi,’ sidee qofkaa barye looga aqbalaayaa?

Qaybta 4aad

Soomaaliya Halkee Gaartey Halkeese Maanta Joogtaa?
Maxaa Sababay Masiibadii Soomaaliya ku Habsatay?
Burburka iyo Baaba’a Dagaalladii Qabiil Sababeen
Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey
Soomaaliya iyo Dawladda Mareykanka
Hawlgalladii Yunosom-ti 2aad
Sidee Qarannimadii Soomaaliya Kusoo Noqon Kartaa?

Soomaaliya Halkee Gaartey Halkeese Maanta Joogtaa?

Inteynaan faalo ka bixin 30kii sano ee Soomaaliya qaranimada qaadatay wixii ka dambeeyey iyo Soomaaliya heerkay shalay maraysey iyo halkey maantay taagan tahay, waxaa habboon in aan wax yar dib u eegno taariikhihii laga soo gudbey iyo heerarkii kala duwanaa ee la soo maray, si aan uga qiyaas qaadanno is bedelladii iyo waaya waayihii la soo joogay.

Intaan gumaysiga reer Yurub Geeska Afrika soo gelin, dalka Soomaaliya wuxuu u kala qaybsanaa gobol gobol in kastoo aanay jirin wax xuduud ah oo kala qaybisa, gobol kastana waxaa deganaa tol isku hayb sheegta oo danihiisa gaarkaa ilaashada, danaha guudna Soomaali Weynta dalka la wadaaga, sida xeerka Soomaalidu ahaa qabiilna qabiil kale gobolkiisa uma gudbi jinn, haddaan abaar iyo colaadi ku kallifin, haddayse taasi dhacdo, waxaa jirey xeer qabaa’ilka u dhaxeeya oo lagu dhaqmo, xagga daaqa, biyaha iyo nabad gelyada oo Soomaalida lagu kala hagi jirey.

Dabayaaqadii qarnigii 19aad iyo bilowgii qarnigii 20aad markii gumeysiga Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaanigu Soomaaliya si tartiib ah u qabsadeen waxay goboladii la kala deganaa u sameeyeen soohdin maamul goboleed, qabiil hoosaad walbana waxaa loo sameeyey degmo looga taliyo iyo soohdin loo yaqaan, iyagoo raacaaya habkii gumeysiga lagu yiqiin oo ahaa qaybiyoo xukun. Hase ahaatee ma ahayn wax ay Soomaalidu aqoonsanayd ee xeerkoodii hore ayey ku socdeen meeshey doonaan bey u guuraan ama daaqaan.

Haddaba muddo lixdan sano ka badan 30 sano oo gumeysigii dalka xoog ku haystey iyo 30 sano oo Soomaalidu qaranimadeeda qaadatay, miyi iyo magaalaba shacbiga Soomaalida aad baa tiradiisu u korodhay, dhaqaaluhuna u barbaaray, siiba dadka xoola dhaqatadaa ee reer guuraaga ah, oo Soomaalidu u badan tahay. 1960kii markii Soomaaliya qaranimadeeda qaadatay waxaa rumowday hal qabsigii xisbigii Leegada Es.Waay.El oo ahaa “Xakiimkaan ku dhaartay xornima helaa ninba xeeladiisa ku xoogsayaa,” waxay taladii noqotay “Nin qaroon hela nin quwaax hela ardi waa quud hala qarafsado.”

Dawladdii rayidka ahayd oo 1960kii ilaa 1969kii maamulka dalka haysay in kastoo wax qabadkeedu aad u liitey qabiilkuna fara baas ku hayey, waxay qaaday dadaal iyo niyad sami, iyadoo dadka Soomaalidaa sida dabeecadiisu u badan tahay, waa dad aad u xiisa badan, qof waliba waa siyaasi, wuxuu ka hadlaa ama wax ka sheegaa wax aanu wax ka aqoon iyagoo waxa u door roon iyo waxa u daran aan kala aqoon, oo qofka wax tarka ah wax ka sheega, waxa xunna had iyo jeer u indha dheer, waxa wanaagsanna ka indha la’, dawladaas waxay dusha uga tuureen fadeexad, waxay u bixiyeen musuqmaasuq, hase yeeshee taasi musuq bey ahayd tu ka dambeysay baa musuqmaasuq ahayd. Haddaad dadka Soomaalida badankiisa u fiirsato markey arrin talo ka bixinaayaan sida badan waxay yiraahdaan, waa inaad sidaa iyo sidaa yeeshaan, ama waa in sidaa iyo sidaa la yeelo, lagama yaabo inuu yiraahdo waa in aynu sidaa yeelaa ama sidaan wax u qabsannaa.

Su’aasha la yaabka leh oo ina hor taal waxay tahay markaan taariikhda Soomaalida dib u eegno, intaan ka war hayno, ma jiraa mase la ogyahay, mase la maqlay, nin Soomaali madax u noqday, maalinna ha ahaatee, mar hore iyo mar dambe, muddo kasta ha hayee, mid gobol iyo mid guud ahaaneed oo la amaano ama laga mahad sheegto? Jawaabtu waa maya, mid waliba waa seymo lagu reeb.

Hadaba aan is weydiinee iyadoo taasi jirto, taliskii Kacaanka ee 21ka sano dalka Soomaaliya maamulaayey, maxaa horuumar ah oo uu dalka ka sameeyey ama gaarsiiyey, dadkase muxuu u qabtay? Muxuuse waxyeello ah oo dalka iyo dadka u geystay? Dadka qaarkiis waa adag tahay si looga dhaadhiciyo taliskii Maxamad Siyaad Barre madaxda ka ahaa ayaa muddaduu xukunka hayey wax horuu mar ah dalka gaarsiiyey ama wax faa’iida u leh dadka u qabtay, hase yeeshee maahmaah Soomaalidii hore laga hayaa waxay leedahay, nin xigmaati ah ayaa waxaa la waydiiyey, “Inta raggu isku naco maxaa ugu xun?” Wuxuu yiri, “Asaraartan iyo abaal iyo abaal ka dhac ma ku daraysaan.”

Markaan asaraartan iyo abaal ka dhac meel iska dhegno, muran iyo inkir aan macna lahayn, xasad iyo Ilaah-ka-fogaansho ka dheeraano, runta iyo xaqiiqdana u soo noqono. Waxaa caddaan ah oo aan muran ka jirin, 1969kii ilaa 1977kii waa muddo sideed sano ah, in maamulka dalku si habsami ah oo loo bogey u socday, is bedella siyaasadeed iyo horumar dhaqaale iyo horukac aqooneyd la gaarey, qof kasta oo wax garad ah iyo qof kasta oo aan caadhifad qabiil indhaha ka ridin taa waa ogyahay waana qiraayaa, in kastoo wixii horumar ahaa oo xilligaa la qabtay aan maanta waxba laga arag oo la burburiyey aan xusuusin u soo qaadanno.

Waxaa si wacan oo la yaab leh u hagaagay hannaankii kala daadsanaa ee maamulka dawladda, nidaamkii iyo is-maqalkii iyo kala dambeyntii, iskaashigii iyo wada shaqeyntii, adkeynta nabad gelyada gudaha iyo sugidda difaaca dibadda. 1970kii bishii Jannaayo waxaa la soo saaray qaanuun mamnuuc ka dhigaaya in wax hub ah la qaato jaad kasta ha ahaadee tooreey baa ugu yare.

Waxaa toosay majarihii siyaasadda dibadda iyo xiriirkii iskaashiga adduun weynaha, waxaa dalalka dibadaha laga furay safaarada badan oo la is dhaafsaday si looga baxo dibad joogii iyo go’doonkii maamul xumidu keentay, waxaa guul wacan laga gaaray la-socoshada hay’adaha caalamiga ah, sida ururka Jaamacadda Carabta, Mu’tamirka Islaamka, ururka Midowga Afrika iyo ururka dawladaha dhexdhexaadkaa markii laga reebo beratankii ka dhexeeyey Bariga iyo Galbeedka.

Waxaa si fiican isugu duba dhacay dhaqaalihii dalka iyo habkii ganacsiga gudaha iyo dibadda oo gaarey heer wacan oo lagu naaloodo kaasoo saameeyey qaybaha dhaqaalaha dalka oo dhan, waxaa dawladda gacanta u galay ilihii dhaqaale ee shirkadaha shisheeye haysteen kuwa ay la wareegtey iyo kuwa ay saami ku yeelatay, bangiyadii ganacsiga iyo bakhaaradii kaydka ayaa buux dhaafay, warshada badan baa dalka laga dhisay kuwa dawladeed iyo kuwa gaar ahaaneedba oo dad badani shaqa ka helay sida Warshadii Sonkorta ee Mareerey, waxaa xiriir wanaagsan lala yeeshay bangiyada adduunka iyo Hay’adda Lacagaha Adduunka ee Ay.Em.Ef (IMF), waxaa heshiis lala galay dhawr shirkadood oo ka mid ah kuwa badroolka iyo macdanta dhulka ka baara oo shisheeye ah, qaarkood sahmintii baa u dhamaatay, waxay ku tala jireen in ay wax soo saarku badroolka bilaabaan.

Waxaa heer sare gaarey wax soo saarka beeraha, waxaa la tacbay dhul beeraad aad u baaxad weyn waxaa loo jeexay kelin waraabiya iyo moosas, waxaa loo dhisay iyo xireeno, waxaa la abuuray mira fara badan. Dadaalkaas loo galay dhinaca beeraha wuxuu keenay in dalagyada qaarkood aad u baxeen sida galleyda, mesegada, sinsinta, geed mireedka khudradda uu gaarey heer ay daboolaan baahidii dadweynaha iyo muuska oo loo dhoofin jirey dalal badan oo dibadda ah, waxaana aad loo kordhiyey qalabka iyo daawada beeraha. Waxaa dadaal weyn loo galay kalluumeysiga badda, waxaa xeebaha laga dhisey iskaashatooyin kalluumeysi. Waxaa gacan weyn laga geystay xannaanada xoolaha iyo daaweyntooda, ceelasha loo qoday iyo waraha biyaha loo jeexay, dhowridda dhirta daaqa inkastoo ugaadhii duur joogta ahayd la dhameeyey oo aan maantay raadkeed la arag, waxaa ka haray doofaar iyo daayeer.

Adeegga bulshada sida hawlaha isgaarsiinta, taleefoonada, talakisyada, boostada, waddooyinka, gaadiidka cirka, dhulka iyo badda, dhismaha xarumaha caafimaadka iyo qalabaynta cusbitaalada, ballaarinta qaybaha tacliinta kala duwan sida waxbarashada aasaasiga, dugsiyada sare, macaahidda, mihnadaha, manaahijta, Jaamacadda Ummadda iyo kulliyadaheeda, Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta, Madxafka Qaranka iyo Maktabadda Ummadda, ku dhawaaqidii qorista afka Soomaaliga iyo ku dhaqankiisa oo muddo 20 sano ka badan laga hadlaayey hase yeeshee la meel marin waayey, dhisidda garsoorka in kastoo xukunkii shareecada Islaamka iyo fidinta diinta god dheer lagu ridey.

Dhinaca mashaariicda horumarinta iyo baraarujinta dadweynaha iyo hawl gelinta bulshada waxaa xusid mudan Mashruucii Iskaa Wax u Qabso oo muddo 10 sano ka badan dalka si fiican uga taaba qaaday waxna laga dheefay, mashruucii bacaad celinta ee degmada Marka Shalambood oo sida runtaa hawshii laga qabtay meel mar noqotey, mashruucii beerista bariiska Jawhar iyo Mugaambo oo heer fiican maraayey, mashruucii biya xireenka iyo beeraha bariiska ee Faanoole oo rag ku dhabar beelay oo boqolaal malyanna ku baxday ilaa labaatan kun oo qof ka shaqeynaayey, hase ahaatee nasiib darro markuu gaba gabo maraayey cagta la mariyey, mashruucii horumarinta Baay, waxaa kaloo xusid mudan mashruucii biya xireenka Baardheere ee horumarinta dooxada Jubba oo diraasaddiisii dhammaatay oo sida khubaradu sheegtayna hadduu hirgalo Soomaaliya saboolnimada ka bixi lahayd.

Badbaadinta iyo dejintii dadkii abaartii daba dheer ku tabaaloobay ee Danwadaagaha in kastoo raridoodii ay ka fiicnayd in deegaankoodii lagu dhaqaaleeyo, waxaa kaloo xusid gaara leh, xeryihii qaxootigii faraha badnaa ee dalka Itoobiya ka soo jabay markii dagaalku ka dhex qarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, shan gobol oo ka mid ah gobolada Soomaaliya ee kala ahaa Waqooyi Galbeed (Hargeysa), Awdal, Hiiraan, Gedo iyo Shabeelaha Hoose, waxaa ka oodnaa 35 xero qaxooti oo ay deganaayeen dad hal malyan ka badan. Noloshooda, xannaanadooda, nidaamkooda, nabad gelyadooda iyo maamulkoodaba dawladda Soomaaliya ayaa gacanta ku haysay, hay’adaha samafallada iyo deeqaha gargaarada ayaa quudinaayey, dhac iyo jid gooyo iyo wax dhibaata ahna kama jirin. Joojintii ka ganacsiga iyo beerista qaadka oo dadka dhibaata weyn ku hayey, welina kusii haya.

Si kastaba horumarkaa dadka qaarkiis ha u arkeene, waxaa marag ma doonta ahaa oo aan dood iyo asaraartanna midna laga oogi karin 17kii sano ee u dhaxeeyey 1970kii ilaa 1986kii oo dawladdii Kacaanka la baxday dalka Soomaaliya majaraha u haysay in ay guud ahaan waxyaaba badan oo horumar dhinac kasta ah la gaaray.

1984kii annagoo koox cilmi baaris ah waxaanu socod ku soo maray dhowr magaalo oo dalalka Carabta ka mid ah sida Sucuudiga, Kuweyd, Ciraaq iyo Masar. Markaan isu eegnay xoolaha yaal suuqyada bacadlayaasha Hargeysa, Muqdisho iyo Burco iyo xoolaha yaal suuqyada bacadlayaasha Jidda, Riyaad, Baqdaad, Kuweyd iyo Qaahira, aragtidayadii waxaa heer sarreeyey boqolkiiba-20 iyo in ka badan kuwa Soomaaliya yaal.

Hase ahaatee 1986kii wixii ka dambeeyey shaki kuma jiro in awoodii dawladdu liicday oo maamulkii qalooc iyo khaladaad fara badani galay, eex qabiil, nin tooxsi iyo nidaam xumo, ay mas’uul ka ahaayeen raggii maamulka dawladda hayey iyo kuwii loo xilsaaray in ay majaraha siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada dalka raawisaan, gaar ahaan kuwii goobaha dhaqaalaha dalka tiirka u ahaa loo dhiibay oo lagu aaminay, bal in ay wax qabtaan daayee nin waliba wuxuu u tafa xaytay siduu hantida ummadda u boobi lahaa ama u leexsan lahaa. Gabay uu mariyey Xaaji Aadan Afqallooc waxaa tuducyadiisa ka mid ahaa:

Ninba tiginka meeshuu dhibaday taabka ku adkeeye
Waashmaan koley tahay ninkii taabay meel dheregye.

Sida runtaa Soomaalidu waxay aad u badisaa xanta iyo xasaradda, sideetanaadkii iyo sagaashanaadkii waxaa lagu kaftami jirey markii dhaqaalaha laga haasaawaayo ama la isku xifaaleynaayo, “Hantida dawladda iska dhaafe reer ahaan Soomaalida yaa ugu hodansan? Qabiilka Habargidir, gaar ahaan jilibka Sacad. Yaa ku xiga? Waxaa ku xiga Abgaal, waayo? Iyagaa aasaaska dhaqaalaha Muqdisho haysta. Yaa ku xiga? Waxaa ku xiga Murursade, waxaa ku xiga Mareexaan. Maya, maya, ma waxaad aragtay guryaha quruxda badan iyo baabuurta cad cad? Waxaa ka hodansan Isaaq, waxaana ku xiga Mareexaan, saaxiib waddanka war uma haysid, dhaqaalaha Soomaaliya waxaa gacanta ku haya uguna hodansan dadka Gibilcadkaa sida Carabta, Bakistaaniyiinta, Hindida, reer Xamarka, reer Baraawe iyo dadka la dhaqma oo ay isku dabeecadda yihiin.” Si kastaba xoolaha iyo tanaadnimada ha loo kala haysto ama ha laysugu faanee, waxaa hubaal ahaa oo aan muran iyo asaraartan ka jirin, dhammaadkii 1985kii markii dagaalada qabiil qarxeen in waddanka Soomaaliya dhaqaaluhu dhinac kasta hodan ka ahaa.

Hase yeeshee taasi dad uma muuqan barwaaqadaa iyo hodantinimadaa dalka ka muuqatay looma jeedin, kalsoonina laguma qabin, ee waxaa loo jeeday xukun jacayl iyo madaxtinimo doon iyo balaaya kale oo baraaraha baabi’isay. Xikmadda Ilaah ummaddiisa ku maamulo waxaa ka mid ah, mar haddii nimcadii la siiyey Eebbe uga xamdi naqaan Ilaaha Weyn iyo Rasuulkiisana addeecaan in aan dhibaato, cabsi, gaajo iyo faqri lagu ridin, hase ahaatee markii ay nimcadii Eebbe siiyey ay ku kibraan, waxaa lagu abaal mariyaa oo nimcadii ay haysteen loogu bedelaa gaajo, faqri, cabsi, cudur iyo dhibaato, sida Ilaahay ku sheegay Quraanka Kariimkaa suuradda 16aad aayadda 112aad:

“Ilaah wuxuu maahmaah iyo tusaale wanaagsan idiinka dhigay magaalo nabadgelyo iyo xasilooni ku sugneyd oo irsaaqadda iyo khayraadkuna uga yimaadaan meel kasta [miyi iyo magaalo] ka dibna markay nimcadii Ilaahay siiyey [ku kibirto] ku kufriday waxa Ilaahay dhadhansiiyaa gaajada kharaarkeeda, cabsi iyo baqdin xasilooni darro oo [nimcadii ay qabeen loogu bedelay] xumaantii ay samaynaayeen daraadeed.”

Sidoo kale Ilaahay wuxuu ku sheegay kor ahaaye Quraanka Kariimkaa suuradda 2aad aayadaha 155aad iyo 156aad:

“Waxaa la idinku itixaanaayaa ama la idinku jarribaayaa waxyaabo ay ka mid yihiin cabsi, baqdin, gaajo iyo xoola yaraan, dhimasho iyo geeri badan iyo beeraha oo miruhu ka yaraadaan, [Rasuulkii Ilaahow wax wanaagsan] ugu bishaarey [Janno] kuwa sabirka badan oo haddii dhibaato ku dhacdo oranaaya annaga Ilaah baa na leh oo xaggiisaanu jeer dambe u noqonaynaa.”

Sidoo kale wuxuu Ilaah ku sheegay kor ahaaye Quraanka Kariimkaa suuradda 13aad aayadda 112aad:

“Qolo [qoom] ama qaran Ilaahay ma dooriyo, kamana suuliyo nimco, barwaaqo, caafimaad iyo sarreedada adduun kuwa haysta haddeyaan iyagu iska doorin waxay ku sugan yihiin oo barwaaqo iyo baraare ah, oo ayan kibrin, dulmi, xumaan iyo xad gudub ku kicin.”

Waaya arag gabyaa ah ayaa wuxuu yiri:

Ninkii koob nimcaa fiiqsadee kadin irmaan maalay
In uu karuurka qubo horey kaafka* ugu tiile
Raggoow kibirka waa lagu kufaa kaa halaga ogaado.

*Kaafka wuxuu ula jeedaa Kitaabka Quraanka.

Haddaba, su’aashii ahayd halkee maanta Soomaaliya joogtaa? Jawaabtu kama foga ama waa la mid ninkii dhibaatada, silica iyo darxumada adduunka ku haysata ka door bidey in samada guudkeeda iyo godkii Aakhiro mid uun la geeyo dabadeedna gabaygaan ku yiri:

Ilaahoow geyiga Aakhiro iyo samada guudkeeda
Mid uun bay galadi noo ahayd inaad na geysaaye
Goodaadda dhexe waa halkaan galabtay joognaaye.

Maxaa Sababay Masiibadii Soomaaliya ku Habsatay?

Waayadaan dambe waxaa si toos ah la isu waydiinaayaa, maxaa sababay musiibada Soomaaliya ku habsatey oo dal iyo dawlad iyo dadkaba baabi’isey?

Haddaan aqoontayada gaaban siday nala tahay su’aashaa uga jawaabno waxaa laga labaa in jawaabtu dadka qaarkiis ay si kale la tahay, waayo? Waa su’aal guda wayn oo jawaabteedu xeel dheer tahay, waa adag tahay si guuldarradii dhacday sababtii keentay loogu heshiiyaa, hase yeeshee waxaa heshiis lagu yahay wixii dhacaa xumaan iyo samaan mid kasta ha ahaatee in ay leedahay sababa horseed u ah. Abwaan Soomaalidii hore ka mid ahaa oo xikmad iyo waaya aragnimo loo ogyahay ayaa waxaa la waydiiyey geela qiimihiisa, wax tarkiisa iyo sinnaadkiisa, markuu kasmada uu geela u leeyahay iyo aqoontiisa la kaashaday wuxuu yiri, “Geel nin sidaaba dhigee, nin solaaba gubtee, nin sinaaba dambaabee.” Hadaba xikmadaa waxaan uga jeednaa masiibadii Soomaaliya ka dhacday ninkii ka hadlaaba waa ku wareeraayaa, waayo? Waa qof dhiiqa cagaha la galay.

Haddaba siday nala tahay masiibada Soomaaliya ku habsatey sababaha asalka u ahaa la oran karo waa ciqaab ka dhalatay dulmi la galay ama imtixaan dadka sabirkiisa Eebbe ku tijaabinaayo. Waxaan ka soo qaadnay afar qodob oo kala ah:

  • Jahli ummadda Soomaalida daboolay,
  • Qabiilka oo ah cudur wax halaaga,
  • Xukun doon qabiil iyo qorey iyo qaad adeegsaday, iyo
  • Caro iyo ciqaab xagga Eebbe ka timid.

Aan isku dayno in aan si xikmad iyo caqli gal ah u faalayno sidey masiibadu Soomaaliya ugu baahdey anagoo ka duulayna sababahaas afartaa.

Jaahilnimo Soomaalida Dabooshay

Haddaba intaynaan faallada hoos ugu gonda degin aan taariikh gaaban ka xusno heerka reer miyiga iyo reer magaalku kala joogaan. Sida suugaanta iyo taariikh dhaqameedka Soomaalidu caddeynaayaan hab nololeedka ummadda Soomaalidu wuxuu ku salaysnaa laba degaan oo kala ahaa: reer miyi reer guuraa ah iyo reer magaal ma guurta ah, oo mid walba leeyahay hab nololeed iyo hab dhaqan u gooni ah.

Reer magaal ma guurta ah oo dhaqankiisu ku dhisan yahay ganacsi, tacabka beeraha, jillaab iyo kalluumaysi iyo waxyaabaha badaha laga helo sida cambarka, luulka, daanadda iyo wixii la mid ah.

Reer baadiye xoola dhaqata ah oo xilliga guga iyo xilliga dayrta hadba meeshii roobku ka da’o u guura, xilliga jiilaalkaana meeshii biyo iyo baad leh u hayaama. Sida runtaa Soomaalida tirakoob sax ah laguma samayn inta reer miyiga ah iyo inta reer magaalka ah, wixii la sheegaaba waa qiyaas aan rasmi ahayn, hase yeeshee 1960kii markay Soomaalidu gobanimada qaadatay reer guuraaga baadiyaha dega waxaa lagu qiyaasay boqolkiiba-80 reer magaalka rasmiga ahna waxaa lagu qiyaasay boqolkiiba-20.

1974kii reer guuraaga waxaa lagu qiyaasay boqolkiiba-70, reer magaalkana waxaa lagu qiyaasay boqlkiiba-30, hase yeeshee waxaa jira dad badan oo miyiga iyo magaalada labadaba degaan oo dhaqaale ku lahaa. Taliskii Kacaanka ee 21 sano dalka Soomaaliya maamulaayey waxaa siyaasaddiisa arrimaha gudaha ka mid ahaa in dadka miyiga ku nool ee reer guuraaga ah magaalooyinka iyo tuulooyinka la dejiyo laguna dhiirigeliyo in ay tacabka beeraha iyo kalluumeysiga bartaan, hase yeeshee talada laguma darin in reer miyiga iyo reer magaalku kala leeyihiin hab nololeed kala fog oo aan ilbaxnimadoodu si fudud isu dhexgeli karin oo dhaqaale badan iyo hawl ballaaran u baahan, lama tixgelin maahmaahdii Soomaalida ee ahayd dhar magaalo inta la qaataa waa dhowdahay, dhal magaalo inta la noqdaana waa dheer tahay.

Sannadkii 1974kii iyo 1975kii markii gobolada waqooyi iyo gobolada dhexe abbaartii la baxday Dabadheer saamaysay, waxaa baadiyaha laga soo raray dad rubuc malyuun ka badan, waxaa la dejiyey dhulka tacabka beeraha ku habboon iyo xeebaha laga kalluumaysto, waxaa lagu magacaabay Danwadaag, xilligaa wixii ka dambeeyey dad badan baa miyiga ka soo guuray oo kuwaa soo hiyi raacay oo magaalooyinka iyo tuulooyinka degay, gaar ahaan magaalo madaxda Muqdisho, dadka reer guuraaga ah ee miyiga ka imaanaayey in gacanta loo haadiyo mooyee dhul ay degaan looma asteyn wax qorsha ahna looma samayn, taasina waxay keentay:

  • in dadkii tiradii ka batay oo meel la kala dego la waayey,
  • in magaalooyinka waaweyn aad loo degey, gaar ahaan caasimndda Muqdisho, Hargeysa, Burca, Kismaayo, Baydhabo, Beledweyne iyo Gaalkacyo,
  • in goboladii kale ee dalka la halmaamay oo mashaariicdii wax soo saarka iyo horumarkii waddanku Muqdisho iyo gobolada wabigu maro oo keliya lagu koobay.

Hadaba sida runtaa dadka reer guuraaga ahi ma samayaan hannaan siyaasadeed iyo horumar dhaqaale iyo ilbaxnimo bulsho oo ka duwan habka ay ku nool yihiin. Hase yeeshee suugaanta iyo murtida Soomaalidu guud ahaan waxay salka ku hayaan dhaqankii reer miyiga, in kastoo waayadaan dambe maamulkooda siyaasadeed iyo baahidooda dhaqaale ku xirnayd reer magaalka.

Sida runtaa reer magaalka iyo reer miyigu waxay kala qabaan laba qab oo kala fog, qola waliba waxay isu haysataa inay iyadu mudnaanta leedahay, dadka reer baadiyuhu reer magaalka waxay u arkaan dad aan hawlkar ahayn, shaqada reer magaalku qabtaana waxay u arkaan shaqa liidata, sidoo kale reer miyigu markay reer magaalka arkaan waa ka saniyaan, waxaad moodaa in ay cuqdad ka qabaan dhaqankooda iyo noloshooda ka duwan. Reer miyiga waxay la tahay in reer magaalku is kala weyn yahay oo reer miyiga yasaayaan, dadka reer magaalka ahi dadka reer miyigaa waxay u arkaan badow aan wax aqoon, galti ilbaxnimada iyo xaddaaradda neceb, sidaa awgeed reer baadiyaha iyo reer magaalka waxaa ka dhexeeya xinif colaadeed iyo cadaawad dabiici ah sida dagaalladii samaankaan dhacay laga arkay.

1988kii reer guuraaga waxaa iagu qiyaasay boqolkiiba-60, reer magaalkana waxaa lagu qiyaasay boqolkiiba-40, hadaba ayadoo shacbiga lagu hoggaaminaayey mabda’ii Hantiwadaaga oo aan diin iyo dhaqan midna aqoonsanayn, waxaa buunka loogu yeeriyey “Soomaaliya waa dal Hantiwadaag ah, dhul la kala sheegto iyo dhaqan la kala soocaa midna ma jiro, dhabuhu waa mid kaliya,” taasna waxaa ka dhashay in dadkii beled iyo baadiye is dhexgalay, dhaqankii miyiga iyo dhaqankii magaaladu is jiiraan, rag iyo haween, carruur iyo waayeel la is dhexyaaco, dugsiyadii waxbarashada, garoomadii cayaaraha, golayaasha dadweynaha iyo goobaha lagu kulmo, gabdhihii iyo wiilashii la is dhex jibaaxo halkaasna waxaa ka dhashay:

  • in wax waliba noqdaan hortaa banaan,
  • in fasahaadkii iyo xishood la’aantii xad dhaaf noqdaan,
  • in dhaqankii hufnaa iyo asluubtii wanaagsanayd laga tegey,
  • in meeshii laga baran lahaa diinta Islaamka iyo tacliinta mustaqbalka qofka iyo qaranka wax tarka u leh, loo leexday shirar aan macno lahayn iyo khudbado aan milga lahayn, cayaaro dhalanteed ah oo aan qiima lahayn, daawasho filimo silloon oo ku habaysan dhaqama shisheeye iyo daawasho riwaayado iyo maadeysyo iyo dhegeysi muusik iyo heesa habeenkii lagu caweeyo.

Dadka qaarkii waxay yiraahdeen waxaanu nahay ummad sabool ah oo qooqday, sidaana waxaa noogu wacnaa jahliga iyo aqoondarada shacbiga daboolay iyo ilbaxnimada la sheego oo sidaas loo fahmay. Sida runtaana arrimahaas dawladda Kacaanka ayaa dhiiri gelinaysay.

Boobka iyo Xatooyada Hantida Qaranka

Sidaan horay u soo sheegnay 1986kii wixii ka dambeeyey taliskii Kacaanka waxaa laga dareemay xukun jilicsan iyo awood baahsan, waxaa laga helay irrido bannaan oo laga weeraro, waxaa tartan loo galay qofba meeluu ka gaaraba boobka iyo xatooyada xoolaha qaranka, mid qarsada, mid xada, mid leexsada, iyo mid bareer u qaata, waxaa afka loo dhigtay wixii dhaqaale ahaa oo waddanka gudihiisa ka soo baxaayey iyo wixii mucaawino ahaa ee laga helay dawladaha shisheeye ee deeqaha bixiya iyo hay’adaha caalamiga ah ee kaalma ahaa, waxaad moodaa in lagu heshiiyey oo lagu ballamay in hantida qaranka la kala saanyoodo oo aan waxba la dhaafin, waxaa si xad dhaaf ah u faafay musuqmaasuqii iyo wax is dhaafintii iyo been abuurkii, kii wax booba ama wax xada waa lagu ammaanaa, kaan wax qaadanna waa la caayaa, iyadoo aan la eegin xoolaha la xadaayaa ma xalaal baa mise waa xaaraan, culimada diinta Islaamka hantida qaranka waxay kala mid dhigeen xoolaha agoonta, in si gaar ah loogu tagri falaana ma bannaana oo waa xaaraan cad.

Tartan iyo Isugu Faan

Madaxdii dawladda, Golihii Shacbiga oo loo yiqiin Golaha Sacabka, golihii wasaaradaha, hormuudyadii maamulka kala duwan ee dawladda, saraakiisha ciidamada, mas’uuliyiinta gobolada, degmooyinka iyo dawladaha hoose, waxaa dhexmaray tartan iyo orod isugu faan ah, nin waliba hantidii qaranka ee uu jeebabka ku shubtay wuxuu ka dhistay daar weyn oo laba dabaq ama saddex dabaq ka kooban oo qaarkood naqshadooda laga soo hindisay dalalka dibadda. Ma aragtay daaraha quruxda badnaa ee is barbar yaal oo laga dhisay xaafadaha daafaha magaalada Muqdisho oo dadweynuhu u bixiyey Booli Qaran? Waxaa la yaab lahaa, markii la yiri daarahaas shisheeye doolar bixiya mooyee cid kale laga kireyn maayo, qof kasta oo meel shaqaale ka ahaa ama meel madax ka ahaa, gaar ahaan kuwii goobaha ilaha dhaqaalaha joogay wuxuu dadaal u galay in uu hanti gaar ahaaneed yeesho, waxaa kaloo dhacday isugu faan in beero laga tacbado dhulka biyaha wabiyadu maraan oo nooc kasta oo geed mirood ah lagu abuuray oo maalmaha nasashada dalxiis iyo tamashle lagu tago, ninkay u suura gashaba wuxuu iibsaday baabuur kala nooc ah oo lagu dakeyo hadba nooca cusub ee sanadkaa soo baxa qiima kasta ha gaaree. Ma maqashay heesta la baxday Laankaruusar iyo Saboolnimada Soomaaliya meeris ka mid ah:

Gurigoo mugdiya biyuhuna go’een soo bari galley
Gaari raaxa lihiyo Laankaruusar gado
Guuxeeda mood gob inaad ku tahay Geeska Afrikow!

Waxaa kaloo dhacday in si xad dhaaf ah dalxiis iyo tamashle loo tegi jirey dalalka dibadda gaar ahaan Yurub iyo Ameerika, nin kastaa oo goob mas’uul ka ahaa ama xigtada madaxweynaha ahaa isaga iyo qoyskiisu sannadkii laba ama saddex jeer bay dibadaha u dhoofi jireen iyagoo marmarsiinya ka dhiganaaya baaris caafimaad, isdaaweyn ama nasasho ama hawl dibadeed. Kharashka dhoofka iyo sahayda safarka waxaa laga siiyaa miisaaniyadda dawladda ama waxay ku dhoofaan xoolahay leexsadeen.

Waxaan xusuustaa 1989kii annagoo joogna meel tuula ah, hadal uu yiri injineer Shiineys ah, oo madax ka ahaa shirkad Shiina ah oo waddada Afgooye iyo Baydhabo isku xirta samaynaysay, malaha shirkadda waa la dhacay oo waxaa laga xaday shidaalkii, lugihii baabuurta, sibirkii, raashinkii, foostooyinkii daamurku ku jirey, alaabtii shaqada, qalabkii dayactirka, lacagtii kharashkana waa laga leexsaday shaqadiina waa joogsatay, shirkaddii oo carar ah iyagoo goor subax ah guuraaya oo baabuurtii la raraayo ayaa dadkii tuulada deganaa kusoo xoomay, nin baa wuxuu yiri, “Ma guurteen?” “Haa.” Markaasuu yiri, “Goormaad soo noqonaysaan?” Injineer meesha madaxda ka ahaa wuxuu ugu jawaabay, “Goortii dalkaan dadkii lahaa yimaado ayaan soo noqonaynaa.”

Xasad iyo Iimaan La’aan

Dadkii xasad iyo iimaan la’aan baa saabatey, waxaa laga qaaday dulqaadkii, qaneecadii iyo kalsoonidii Eebbe, qofka hodanka ah oo xoolaha leh waxay la tahay in aanu waxba haysan kan saboolka ahina qaneeca iyo kalsooni ma laha, waxaa la arkay taajirro fara badan oo xoolaha bakhaaradooda yaali ama lacagta ay haystaan ka badan tahay boqolaal malyuun oo midba leeyahay waxba ma haysto oo amaah baan u baahnahay, ganacsigii iyo iibkii nooc kasta ha ahaadee waa la khalday, miisaankii waa la dhimay, caanihii waa la barxay, malabkii sonkor iyo timir baa lagu qasay, daawadii dhacday baa taariikh cusub lagu qoray, raashinkii dhacay iyo kii cusbaa baa laysku daray, sidaas oo kale ayaa wax walba loo bedeley. Miyi iyo magaalaba dadka qalbigoodii waxaa laga suuliyey naxariistii iyo raxmadii, waxaa la waayey qof qof kale u gargaara xataa qoyska dhibaatadu haysato kan deriska la ahi eegi maayo, walaalihii baa kala tegey saaxiibadii baa is nacay, xididkii baa kala duday, qaraabadii baa kala eedowday, waxtarkii baa galbaday, dadkii shalayto wadayaalka iyo wax wadaaga ahaa baa colloobay oo shaydaan dhex galay, dadka midba midka kaluu birta u lisanaayaa.

Ummaddii jaahwareer baa ku dhacay, waxaad mooddaa in dadka miyirkii iyo maskaxdii laga qaaday ama maankoodii la dooriyey. Haddaad qofka la hadasho ama wax weydiisid adiguu kula yaabaa, waxaad moodaa in qofku uu ciil qabo. Haddaad doonto qof dukaan jooga in aad wax ka iibsato ama waxaa ma haysaa tiraahdo ama xafiis tagto, lagama yaabo in uu jawaab toosan ku siiyo ama si wanaagsan kuula hadlo. Dadka saburkii, dulqaadkii iyo kalsoonidii Eebbe ayaa ka luntay, walwal iyo walbahaar baa lagu riday. Niyad xumo, feker iyo baqdin baa shaydaan ku abuuray. Subax iyo galab belo iyo baas baa la sheegayey, meeshii kheyr iyo samaan laga afaali jirey shar iyo xumaan baa laga saadinaayaa.

Dayaca iyo Dhaqaala Xumaanta Xoolaha

Intaasoo dhan waxaa ka murugo badnaa sida foolxumada leh oo hantidii ummadda loo baabi’iyey ama xoolihii noolaa loo dayacay ama gaadiidka nafleyda ahaa ee lagu shaqaysto la ciqaabay, sida awrta, dibida, buquulka iyo dameeraha, inta waxayan qaadi karin loo saaro baa si naxariis darro ah ul loogu garaacaa, iyagoo aan loo tureyn, qofkaad ka daa ku tiraahdo adiguu kula diriraa. Sidoo kale xoolaha dhoofka loo wado ama kuwa la qalaayo iyo kuwa caanaha laga maalo (caana teelka) inta biyihii iyo baadkii laga ooday ama laga xiray oo aan dhaqaalahooda dan laga lahayn. Waxaa kaloo la yaab iyo naxdin lahaa inta boqolaal digaag ah xarka lagu xirxiro baa baabuur bas ah dushiisa kore la saaro oo lagu safriyaa iyadoo qorraxda iyo dabaysha, harraadka iyo gaajada aan laga daryeelayn, kuwii soo safriyeyna intay dayaceen bay waliba yiraahdaan, “Waa wada dhinteen, waa ku khasaaray.” Gabood falkaasna wuxuu ka mid yahay umuuraha ciqaabta Eebbe lagu mutaysto.

Fiiro gaar ah: Inta aan soo sheegnay waxaa ka murugo weyn kana xanuun badnaa dadkii Soomaalida ahaa oo shucuurtii waddaninimo laga qaaday, xishoodkii iyo asluubtuna laga suuliyey, jahli daboolay dartii.

Qabiilku Waa Cudur Wax Halaaga

Qabiilku waa cudur dadka maskaxda iyo qalbiga ka gala, xumaanta u horseeda wanaagana ka indhasaaba. Qabiilku waa cudurka asalka u ah qaraaba-kiilka, eexda, xasadka iyo kala godobsiga dadka. Qabiilku waa cudurka Soomaaliya kala gaabiyey oo gablanka wiil la’aaneed, jabka iyo guuldarada xanuunka badan leh baday. Qabiilku waa cudurka Soomaaliya dib u dhaca u keenay, dawladahay qaranimada mar wada qaateenna ka reebay. Qabiilku waa cudurka sababay in Soomaalidu qarnigaan 20aad ku sagootido dawlad la’aan, qoomamo iyo uur-ku-taalo. Qabiilku waa cudurka dhigay goobta bannaan iyo gegida ceebeed oo ay maanta caalamka ka joogto iyo gabaahiirta bannaan oo ay tuban tahay. Qabiilku waa cudurka dagaalkii dabada dheeraaday oo dalkii iyo dadkiiba gubey sababta u ahaa, markii qabiil waliba u tafa xaytey in uu qabiilka ay is hayaan cirib tiro. Qabiilku waa cudurka abuuray nacaybka gaaray heerkii ugu xumaa ilaa carruurtii da’ yarta ahayd lagu ababiyey ama lagu tababaray in ay carruurta reer hebel laayaan. Qabiilku waa cudurka iyo xeeladaha gumaysigu ugu gabado ummadaha isku dirkeeda iyo kala qaybinteeda. Qabiilku waa cudurka Soomaalida carada Ilaahay adduunka ugu keenay Aakhirana ay cadaabkii ku geli doonaan.

Qoladii Ilaahay halligaayo wax uun baa sabab looga dhigaa oo loogu magac bixiyaa, hadaba Soomaaliya qabiil baa lagu rogaayaa oo lagu halligaayaa, haddaan Ilaaha awooda badani Soomaalida qabyaalada ka saarin waxay halis u tahay in ay baaba’do.

Gabaygaan soo socda oo qabiilka xumaantiisa tilmaan ka bixinaya dadkana uga digaaya xumaanta uu leeyahay waxaa mariyey Nuux Siciid Naxar oo ku dhashay gobolka Bari degmada Caluula. Gabayga wuxuu ku magaacay Wahan Qabiil Baa Leh. Waa dardaaran iyo digniin, wuxuu tusaale waafiya ka bixinaayaa xasadka iyo cadaawadda, naca iyo nacaybka, mashaakilka iyo dhibaatada qabiilku shacbiga dhexdiisa ka abuuro iyo sida qabiilku qofka u dhaxalsiiyo isla hadal murugo iyo uur-ku-taalo iyo in qofku cabsida Eebbe ka fogaado, gabayganna wuxuu ku soo gabagabeeyey tafaraaruq iyo kala tag iyo fool xuma qabiil baa leh, midnimo iyo wada jir iyo iskaashi baa wanaag iyo nolol fiican leh. Wuxuu yiri:

Waqtaan gaaray oday waaya araga lagu wareystaaye
Waddadaan hayaa oo xaggaa layga wacayaaye
Wehel laawihii baan u kici waajibka ahaaye
Wanaag iyo xumaan waxaan dhigtaa hoo war lay orane
Waabtaan ku noolaa kolkuu iga walwaalaayo
Waqti ay ahaan iyo ma ogi goorta lay wadiye
Wed bay sugi midaan adduun waxar ku reebayne
Wax ma garato Soomaali baan weedhan sii orane
Waa iga dardaarane murtaan idin waraabsiine
Waraaq igaga qora waxaan hayaa sheeka waafiya’e
Walbahaar kulayl xaasidnimo, wahan* qabiil baa leh
Wiswis iyo walaac weel engegan, wahan qabiil baa leh
Wax la’aan adduun iyo faqriga, wahan qabiil baa leh
Wadaad guurayoo cida Muslima weerar ku ekeeya
Oo waajibkiisa ka tegay, wahan qabiil baa leh
Waxyaalaha gumaystuhu ku yimi, wahan qabiil baa leh
Waddada Naarta lagu aadiyo, wahan qabiil baa leh
Waddan ololaya walaalaha is layaan, wahan qabiil baa leh
Wiil uu abtigii dooxayiyo, wahan qabiil baa leh
Waagii baryaba oh iyo way, wahan qabiil baa leh
Waji kaa jiroo kula jiraa, wahan qabiil baa leh
Wax-ma-tare wax-tare xamanayiyo, wahan qabiil baa leh
Wacad been ahoo laysu maraa, wahan qabiil baa leh
Waxash iyo jasaar niman dhistiyo, wahan qabiil baa leh
Warac meel cidlaa looga tago, wahan qabiil baa leh
Warshada cudurka faafa ka baxo, wahan qabiil baa leh
Wedka calanka waabaaya suna, wahan qabiil baa leh
Wax kastoo xun Soomaaliyey, wahan qabiil baa leh
Wallee wadajir baa khayr leh iyo wadar ku noolaada.

*Wahan: Hadal murugo iyo caloolyow.

Meela kala duwan baanu qabiilka iyo dhibaatadiisa kaga hadalnay, bal gabaygaan aad u dhuuxa.

Xukun-doon Qabiil iyo Qoray iyo Qaad Adeegsaday

Qabiil

Ammaanduulayaashii ololihii dagaaladii qabiil hormuudka ka ahaa ama ka qayb qaatay waxay ka mid ahaayeen jananadii iyo kornayladii loo tababaray in ay calanka dalka iyo dadkiisa cadowga ka difaacaan, hase ahaatee ayaan darro markay derajo sare gaareen oo baydi iyo barwaaqadii ka badatay oo ay qaadkii iyo khamradii ku wareereen, waxaa u laacay in ay madax saro noqdaan iyagoo maanka ku haya in ay yeeshaan kuraas iyo awood ballaaran oo ay sida Maxamad Siyaad wax ku xukumaan markay isaga kursiga ka tuuraan, taasi waxay ku kalliftay in ay marka hore qas iyo amar diido iyo hawl curyaamin abuuraan, markii la canaanto ama jaga laga bedelo ama shaqada laga eryo waddanka iskaga baxaan, dabadeedna qabaa’ilkii ay ka dhasheen taageero u doontaan gaar ahaan reer baadiyaha xoola dhaqatadaa oo sida badan qabyaaladda aad ugu dhega nugul aqoon ay maya ku yiraahdaanna aan lahayn.

Markii xigayna waxay hab qabiil u dhexgaleen Ciidamada Qalabka Sida iyagoo jilib hoosaad iyo xigta sheegad ku beer laxawsanaaya, dhinaca kalena jaga sare iyo dhaqaale ku damac gelinaaya*, warxumo tashiilna dadka kula dhex wareegaaya, kama fekerin in Maxamad Siyaad oo taliye u ahaan jirey xukunka ku qabsaday awood milatari oo la qorsheeyey, hase ahaatee waxay ka fekereen oo keliya sidii ay kursi iyo awood ay wax ku xukumaan ku heli lahaayeen, kama fekerin in aan qabiil xukun iyo kursi lagu gaari karin.

  • Aan dib u eegno jabhadii ugu horreeysay ee la baxday Es.Es.Dhii.Ef sidii loo qaban qaabiyey iyo goboladii laga abaabulay, yaa ciidamadeedu ka koobnaayeen? Majeerteen. Yaa ammaanduule ka ahaa? Ujeedadu maxay tahay? Maxamad Siyaad kursiga ka qaada.
  • Aan dib ugu noqono jabhadii labaad ee la magac baxday Es.En.Em sidii loo aasaasay iyo goboladii laga abaabulay, yaa ciidamadeedu ahaayeen? Isaaq. Yaa ammaanduule ka ahaa? Yaa dagaal gelinaayey? Ujeedadu maxay ahayd? Maxamad Siyaad kursiga ka tuura.
  • Aan dib u xasuusano jabhadii saddexaad ee la magac baxday Es.Bii.Em gobolkee laga aasaasay? Yaa aasaasay? Ciidanku yey ka koobnaayeen? Ogaadeen. Yaa ammaanduule ka ahaa? Ujeedadu maxay tahay? Maxamad Siyaad kursiga ka rida. Aan mar kale dib u eegno jabhaddaa Es.Bii.Em, maxaa khalkhalka geliyey? Anaa madax ah iyo anaa Kismaayo xukumaaya.
  • Aan dib u fiirino jabhadii afraad ee la magac baxday Yuu.Es.Sii goboladee laga aasaasay? Yaa aasaasay? Ciidamadeedu yey ka koobnaayeen? Qabaa’ilka Hawiye. Ammaanduule yaa ka ahaa? Maxaa jabhadii Yuu.Es.Sii laba garab u kala qaybiyey? Maxaase dagaalkii lagu hoobtay ee Muqdisho ka dhacay sababay? Anaa madax ah iyo anaa caasimadda xukumaaya.

Markii dagaalladii hab qabiil isu bedeleen, yaa duulaan ahaa oo wax weeraraayey? Yaase daafac ahaa oo wax iska celinaayey? Qabiil kasta yaa ammaanduule dagaal ka ahaa? Dagaalku muxuu ku salaysnaa? Anaa wax xukumaaya iyo xukunkaaga ma ogoli, 15kii jabhadood ee madaxdood golayaasha ku kulmaayeen ma mabda’a baa fikradahoodu ku dhisnaayeen mase qabiil iyo hab goboleed bay ku salaysnayd iyo malabsi xukun.

Qoray

1961kii ilaa 1990kii waddanka Soomaaliya waxaa si toos ah iyo si dadban loogu soo daldalaayey hubka ciidamadu ku dagaal galaan noocyadiisa kala duwan midka fudud iyo midka culus, hubkaas badankiisa waxaa laga keenay dawladihii Hantiwadaaga ahaa, gaar ahaan Midowgii Soofiyeeti. 1978kii wixii ka dambeeyeyna wuxuu ka imaanaayey Maraykanka iyo Talyaaniga. Dawladii Kacaanku hubkaas waxay u haysatay difaaceeda dibaddaa iyo kan gudaha.

Khubarada ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay ku sheekeysan jireen bakhaaradii kaydka ee ciidamada waxaa buuxiyey hubkii Waarso iyo hubkii Naato, ma laga yaabaa in hubkaas aakhirka Soomaalida isku gubo? Hase yeeshee markii dawladii dhacday hubkii waxaa albaabada u balaqay oo gurtay jananadii iyo saraakiishii lagu aaminey iyo qabaa’ilkii reer baadiyaha ahaa si ay reer magaalka iyo qabaa’ilka kale ugu laayaan, hubkaasi waa kan xukun doonka awooda ay mooryaanta ku hogaaminaayaan u yeelay, waayo? Haddaanu hubka helin waxba ma abaabuli kareen. 1994ka hubka Soomaalidu haysataa waxaa lagu qiyaasay laba malyan oo qori.

Qaadka

Sida la hubo qaadku waa maandooriye qofka maskaxdiisa ku abuura damac iyo riya beenaad, dhiigiisana diiriya, qofka ku abuura fudeyd iyo nashaado aanu naftiisa xukumi karin, dareenka cabsida iyo xishoodkana ka suuliya saacadaha uu qofka jirkiisa ku jiro. Qaadku dagaaladii qabiil qayb weyn buu ka qaatay, waa maandooriyaha mooryaanta iyo da’yarta dagaal moogga ahayd lagu dagaal geliyey, qaadku waa masiibada ugu daran oo Soomaaliya halaaga u horseeday.

Hadaba qabiilka iyo qorayga iyo qaadku waa sababta la hubo oo masiibadii Soomaaliya ku habsatay asalka u ahaa.

Caro iyo Ciqaab Eebbe

Soomaalidu markay gumaysigii ka baxday oo dawladnimo qaateen nabad iyo neecow qabowna heleen, halkii laga filaayey in ay nimcada Ilaahay ugu deeqay Eebbe uga xamdi naqaan diinta iyo sharciga Islaamka ku dhaqmaan gobanimadooda iyo sharaftooda adkeystaan, waxay Eebbe abaalgud uga dhigeen xasad, qabiil iyo fuxshi la falo kii ugu foolxumaa, Muslinimadii waxay noqotay wax afka laga sheegto ama dana siyaasadeed loo adeegsado oo aan aabaheed iyo camalfalkeedii dhabta ahaa lahayn.

Waxaad moodaa in Soomaalidu diinta Islaamka u haysato in ay tahay wax sida qabiilka lagu abtirsado, waayo? Islaam bay sheeganaayaan isla markaana waxay faraha kula jiraan wixii diinta Islaamku ummadda ka reebtay, waxaa la yiraahdaa shacbiga Soomaalida boqolkiiba-100 waa Islaam hase yeeshee qarniga 20aad dabayaaqadiisa waxaa soo ifbaxay arrin taa ka duwan oo la oran karo malaha Soomaaliya wax Islaam rumaysani kama jiraan, hadday jiraanna waa yar yihiin, waayo? Diinta Islaamku waa dastuur samaawiya, oo Eebbe ummadda u soo dejiyey in ay ku dhaqmaan, isku xukumaan, hase yeeshee hab-ku-dhaqankii diinta Islaamka waa laga fogaaday.

Sidaan horey u soo xusnay, dastuurkii u horreeyey ee Jamhuuriyadda Soomaaliya 1960kii degsatay qodobkiisa 1aad faqradiisa 3aad waxa lagu xusay “Diinta Islaamku waa diinta dawladda,” hase yeeshee dawladii wax ficil diimeed ah lagama arag. Taliskii Kacaanku wuxuu ummadda waajib kaga dhigay mabaadii’ khilaafsan diinta Islaamka. waxaa dalka ka dhacay xadgudub fara badan oo xagga diinta Islaamka iyo xagga xuquuqul insaanka labadaba. In kastoo waddanka ay ka jirtey dabayl colaadeed oo Shuuci nacayb ah, hadana wax ficil ah lagama muujin, muddadaa wixii ka dambeeyey sanadba sanadka ka dambeeya diintu waa ka sii dareysey dhammaan dadku wuxuu isku raacsan yahay 10kii sano xukuumaddii rayidka ahayd dalka Soomaaliya maamulaysay in wax qabadkeedu aad u yaraa hase ahaatee dadaal iyo niyad sami bey qabeen, dawladdii Kacaanka ee dimoqraadiyadda isku magacowday in kastoo ay cadaadis shacbiga ku haysay hadana waxaa hubaal ah in ay wax qabad muuqda oo aan been ahayn la timid, sidaas awgeed waxaa la qiray 30kii sano ee Soomaaliya gobanimada qaadatay gaar ahaan 21kii sano ee Kacaanku dalka maamulaayey waxaa la gaaray is bedel siyaasadeed iyo horuumar dhaqaale oo lixaad leh, hase ahaatee taa Eebbe laguma xamdiyin ee waa lagu kibrey.

Haddaba waxaa carada Eebbe noogu dhacday markaan ka mahad niqi wayney barwaaqadii iyo raaxadii Eebbe Soomaalida siiyey, aan marag u soo qaadanno siduu Eebbe ku sheegay Quraanka Kariimkaa suuradda 20aad aayadda 81aad, Eebbe wuxuu ummaddiisa ku leeyahay, “Waxa wanaagsan oo aannu idin siinay [nicma ah] cuna hana ku qooqina [xadgudub iyo macsi ha samaynina] oo markaa ay idinku dhacdo caradaydii, ha oogaado ruuxii caradaydu ku dhacdaa in uu halaagsamaayo.”

Haddaba su’aasha ina hortaal oo la isweydiinaayaa waxay tahay, maxaa Soomaalidu kasbatay oo ciqaabta iyo dhibaatada xanuunka badan ku muteysteen? Jawaabtuna siday nala tahay waa sidatan:

  • diintii Islaamka hab-ku-dhaqankeedii waa laga fogaadey,
  • Kitaabkii Quraanka Kariimka ahaa daaqaddaa laga tuuray,
  • jidkii Sunnadii Rasuulkii suubanaa waa laga leexday,
  • sharcigii Islaamka in lagu dhaqmo waa la quursaday,
  • wixii waajib ahaa oo Eebbe ummaddiisa ku faral yeelay waa lagu gabood falay.
  • wax kasta oo ay diinta Islaamka ummadda ka reebtayna waa lagu xadgudbey
  • xaaraantii iyo xalaashii waa la kala sooci waayey, xoolihii boolida ahaa baa la xalaashaday. Sow markaa in Eebbe qayb ciqaabtiisa ka mid ah ku soo saaro maaha?
  • sinadii baa la banaystay, waxaa loo bixiyey shukaansi iyo baashaal,
  • laaluushkii baa la qaatay, waxaa loo bixiyey hawl fududeyn, iyadoo la gaarey heer inta qofka aan dambi lahayn la xiro ama la qafaalo lacag lagu furto,
  • khamrigii waa la waraabay, waxaa loo bixiyey biyaha kulul,
  • qaadkii baa la baan kuusay, waxaa loo bixiyey qayil iyo marqaan,
  • daroogadii iyo maandooriye oo dhan baa hoostaa laga jiiday,
  • khiyaanadii, beentii, xantii, dicaayaddii, ballan furkii, isku dirkii, waxaa loo bixiyey siyaasad, falalkaas badankoodu Soomaalida waxay ku noqdeen dhaqan noloshooda caadigaa ka mid ah.

Haddaba falalkaas iyo ficiladaas Ilaaha Weyn oo awoodda iska leh iyo Rasuulkiisii suubanaa ummadda waa uga digeen, waxaa loo caddeeyey in ay adduunka ciqaab ku mudanaayaan Aakhirana cadaabkii ku geli doonaan, sida ku soo aroortay Kitaabka Quraanka Kariimkaa, suuradda 24aad aayadda 36aad dhexdeeda Ilaaheen wuxuu ku yiri, “Haka digtoonaadaan kuwa diida ama khilaafa amarkii Nebiga [wuxuu faray] in ay adduunka belaayo ku dhacdo ama ay Aakhiro la kulmaan cadaab xanuun badan leh [oo lagu rido].”

Haddaba mar haddii diinta Islaamka noqotay wax afka laga sheego oo aan camal falkeedii la hayn, mar haddii Kitaabkii Quraanka ahaa la quursaday, xaddiiskii Rasuulkii suubbanaa la beeniyey, mar haddii caddaaladdii noqotay laaluush iyo baayac-mushtari, mar haddii fuxshigii iyo sinadii iyo falaad xumadii xad dhaaftay, mar haddii wixii wanaagsanaa xumaan loo arkay, wixii xumaana wanaag loo arkay, marka wixii la filaa ama la dhawraa waa in Eebbe ciqaabtiisa qayb ka mid ah ku soo saaro, sidaa awgeed garsoorkii Eebbe wuxuu noqday Soomaalida in iyaga la isku ciqaabo, iyagoo aan meel kale lagaga imaan, si ay iyagu isu baabi’iyaan waxaa lagu saladay:

  • xukun-doon qabiil iyo qori qaad iyo kuwa uu ugu magacdaray mujaahidiin xaq-u-dirir ah iyo taageerayaal adeegsaday oo dil, dhac, boob iyo burburin waxay arkaan cagta marinaaya.
  • burcad reer baadiye ah oo boob iyo bililiqa u tafa xaydan oo aan waxba dhaafayn.
  • mooryaan diirataa iyo jirri fiiqataa oo sida ayaxa iyo aboorka wax u baabi’iya.

Qabiilkaa la majeertay, qorigaa la cabbeystay, qaadkaa lagu marqaamay daroogadaa la hambaday, rasaastaa la isku hurgufey, xasuuqa dadkaan loo aaba yeelin, dhaca iyo boobkaa loo tartamay, boolidaa la saanyoodey, madaafiicdaa la isku hoobiyey, guryahoodii bay gacmahoodii ku burburiyeen, magaalooyinkii bey muruqooda ku dumiyeen, dawladdii Soomaaliyeed baa raadkeedii la tirtiray. Waa caro Rabbi xaggiisa ka timid.

Haddaba sidey diinta Islaamka iyo diimihii ka horreeyeyba sheegeen ummad Alle ma ciqaabo mana halaago, dhibaatona kuma dhacdo, haddeyan iyagu kasban, tan waxaa marag u ah sida ku cad Quraanka Kariimkaa suuradda 13aad aayadda 31aad dhexdeeda, “Kuwa ka madax adeyga [ammaradii Eebbe] oo gaaloobay ka tegi mayno [ha ogaadeen] laga dhaafi maayo in masiibo ku dhacdo [dil, dhac, cudur iyo dhibaata kale] waxay faleen daraadeed, ama belaayo degto meel guryahooda aan ka fogeyn intuu uga yimaado ballankii Eebbe [hadaba ogaada] Ilaah ballankiisa ma baajiyo.”

Haddaba suuradda 30aad aayadda 36aad Ilaah wuxuu ku yiri amarkiisu kor-ahaaye, “Dadka haddaan dhadhansiino naxariis [wanaag, xoolo, caafimaad iyo nabad gelyo] waa ku farxaan [waa kibraan] haddii dhibaato ku dhacdana waa waxay hormarsadeen oo gacmahooda ku kasbadeen, markaana waa quustaan.” Taasi waa dabeecadda ibnu-Aadamka oo wax lala yaabo maaha, hase ahaatee wax lala yaabo waxaa ah ummad xumaan dhex-dabaalanaysa oo aan is-ogayn.

Suuradda 47aad aayadda 30aad Ilaah wuxuu ku yiri amarkiisu kor-ahaaye, “Wixii masiibo ah [dhibaato iyo rafaad ah] oo idinku dhacaa waa waxaad idinku gacmihiina ku kasbateen, [ogaada] wax badan baa Eebbe idinka dhaafay.”

Sidoo kale suuradda 42aad aayadda 48aad dhexdeeda Eebbaha Wayni wuxuu u leeyahay, “Dadka haddaan dhadhansiino naxariis [raaxo, xoolo, caafimaad, barwaaqo iyo nabad gelyo] aad bay u farxaan, haddayse dhibaato ku dhacdo waa waxay gacmahooda hormarsadeen. [Waayo?] Dadku waa nicma-diid gaalnima badane ah.”

Haddaba aayadahaas Quraanka ahi waxay inoo caddeynaayaan in aan ummad masiibo iyo dhibaato Ilaah ku ridin haddeyan iyagu kasban oo xumaan samayn wixii Ilaah farayna ku gabood falin, masiibada Soomaaliya ku habsatey waa cara Eebbe, Soomaalidu iyagaa muruqeeda iyo maalkeeda intey adeegsatay gacmaheeda isku baabi’isay.

Dagaaladii qabiil natiijadii ka soo baxday waxay noqotay:

  • in magaalooyinkii, warshadihii iyo ilihii dhaqaale ay gacmahooda ku burburiyaan,
  • in dawladii Soomaaliya la dumiyo oo raadkeedii la tirtiro,
  • in qarankii Soomaaliya oo isku duubnaa gobol gobol u kala go’o,
  • in dad hal malyan ka badan xabbad iyo macluul u dhintaan, hal malyan iyo dheeraadna qaxooti noqdaan,
  • in Soomaaliya caalamka laga naco oo magac xumo iyo sharaf beel ku dhaco.

Halaagaas waxaa sabab u ahaa jahliga dadka daboolay, xukun-doon qabiil, qori iyo qaad adeegsaday. Ilaahow Soomaalida qabiil, qori iyo qaad uga miciin oo diinta Islaamka ku toosi, iyadaa liibaan adduun iyo dambi dhaaf Aakhiro ku jiraa.

[sawir:]

Burburka iyo Baaba’a Dagaaladii Qabiil Sababeen

Sidaan meela kala duwan ku soo xusnay dagaaladii gumeysiga lala galay wixii ka dambeeyey waa muddo nisful qarni ka badan Soomaalidu waxay heshay miyi iyo magaalaba nabad gelyo beyddi iyo barwaaqo gaar ahaan 30kii sanoo ee qaranimada ay qaadatay in kastoo laga dayrinaayey xagga dhaqaalaha, taasi wax lala yaabo maaha oo waa dabeecadda aadanaha in uu beresamaagiisa ka dayriyo, baabi’iisana nolol ka quusto, hase yeeshee qaran jab iyo saboolnimo dhab ah iyo dhibaato aduunka ka dhacda tii ugu xumayd Soomaalida waxay ku dhacday qarniga 20aad dabayaaqadiisa, taasina waa tilka ayaamka waayaha adduunka sida Ilaaha Weyni Quraanka Kariimkaa ku sheegay. Gabyaa Soomaalidii hore ka mid ahaa, waaya aragna ahaa, tixa gabay ah oo uu waayaha aduunka ka dhaca ka mariyey waxaa ka mid ahaa:

Adduun waa hadh labadiisa gelin waana la hubaaye
Mar uun baa sabool la harqiyaa* hodanna deegaaye*
Hal galgalatay waxaa looga dhigay yaan nin uu harine.

* Xoola badan helaa.
* Cayroobaa oo xooluhu dhaafaan.

1988kii ilaa 1994kii gobolada dalka Soomaaliya qaarkood waxaa ka dhacay dagaalo lagu hoobtay oo habar wacasho toleed iyo hayb qabiil iyo afkaar indha la’ lagu hogaaminaayey. Bishii Maajo 1988kii markii ururka Es.En.Em duulaanka ku qaaday labada magaalo ee kala ah Hargeysa iyo Burca, dagaalka waxay ku magacaabeen Guul ama Geeri. Isbahaysigii ururka Yuu.Es.Sii weerarkii ay Muqdisho ku qaadeen waxay ku magacaabeen Kacdoonkii Dadweynaha, hase yeeshee wuxuu noqday Kacdoonkii Aan la Mahdin, waayo? Damacii iyo hankii la watay waa baaqday, majarahii siyaasadeedna waa ka lumay.

Hadalka runtiisii oo kooban dagaaladaas qabiil qabiil waxay Soomaaliya dhaxalsiiyeen qaranjab kii ugu fool xumaa iyo dawlad la’aan, waxay u soo jiideen magac xumo, sharaf dhac iyo haybad beel kii ugu liitey. Waxay ku reebeen mahadha ceebeed oo aan weligeed Soomaaliya ka hadhin, oo facba faca ka dambeeya uga sheekeeyn doono. Dagaaladaa waxaa baaq looga dhigay dila, dhaca, booba, kufsada, gumaad iyo arxan la’aan. Shaki kuma jiro in xaaladihii foosha xumaa oo jabhadihii hubka qaatay ay ku kaceen in ay murugo iyo uur ku taalo, calool xumo iyo raad godobeed oo aan weligiis la ilaawin bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ku reebaayaan, waxaana ugu wacnaa afkaartii silloonayd ee la adeegsaday, nacaybkii iyo dhallaan gowracii iyo maata dooxyadii dagaalladaa ku hagaayeen iyo falalkii dugaagnimada ahaa aadanimada ka baxsanaa oo ay ku kaceen.

Labadii sano ee kala ahaa 1991kii ilaa 1992kii waxaa la soo maray facshar ceebeed iyo fadeexad xusuusteedu ubadka dambe maskaxdiisa baaqi ku ahaan doonto, intii reer Soomaali ahi ifka adduunka ku dhaqan yahay, waxaa dagaaladaas lagu tilmaami karaa taariikh madow oo aan weligeed Soomaaliya soo marin, dibna fili maayo in taasoo kale soo marto. Dagaaladaasi waxay Soomaaliya badeen gablan iyo guuldarro iyo dhibaata ku dhacda tii ugu qara wayneyd, Soomaaliya waxay ku sigatay in magaceeda khariidadda juquraafiga caalamka laga tiro. Buraanbur bishii Abriil 20keedii 1993kii idaacadda Codka Nabadda ee Adis Ababa laga siidaayey oo ay marisay gabar la yiraahdo Buraanburtooy waxaa hadalkeedii ka mid ahaa:

Dhegtu waxayn maqal dhaayaheenu arag
Dhacdana lagu sheegin baa maanta laysku dhigay.

Marxaladihii Dagaalada

Sidaan qaybta labaad hordhaceeda ku soo xusnay dagaaladii Soomaaliya ka dhacay waxay kala ahaayeen kuwa dawladda ka horjeeday iyo kuwo qabiil ku wajahnaa, waxayna soo mareen afar marxaladood oo kala duwan.

Marxalada koowaad, oo ku beegan 1988kii ilaa 26kii Janaayo 1991kii, waxaa baaqa dagaalku ahaa la-dagaalanka Maxamad Siyaad Barre iyo dawladiisa, sidaa awgeed waxaa la oran karaa wuxuu ahaa dagaal u dhaxeeya dawladda iyo jabhada mucaarad ku ah oo doonaayey in ay xukunka la wareegaan, inkastoo talada qarsooni taa ka duwanayd.

Marxaladda labaad oo ku beegan bishii Febraayo 1991kii ilaa bishii Luulyo isla sannadkaas waa muddo lix bilood ahe waxaa baaqu ahaa la-dagaalanka haraadigii Siyaad Barre oo loola jeedo qabaa’ilka Daaroodka, waxay ahaayeen dagaala u dhaxeeya qabaa’ilka kala ah Hawiye, Xawaadle, Raxanwayn iyo qabaa’ilkii ay isbahaysteen ama talada ku raacay iyo qabaa’ilka Daaroodka.

Marxaladda seddexaad, oo ku beegan bishii Sebtembar 1991kii ilaa bishii Maarso 1992kii, waxaa dagaalku ka dhex aloosnaa ururka Yuu.Es.Sii dhexdiisa oo laba garab u kala jabay oo ay kala hogaaminaayaan Cali Mahdi iyo Caydiid, waxaa baaq u ahaa la-dagaalanka Sulux iyo Maanafeesto oo loola jeedo qabaa’ilka Abgaal iyo wixii talo ku raacay oo gees ahaa iyo Maana Koobiya oo loola jeedo qabaa’ilka Habargidir, Xawaadle iyo qabaa’ilkii ay isbahaysteen ama talada ku raacay oo geesta kale ahaa. Dagaalkaasi wuxuu ku koobnaa magaalada Muqdisho oo qola waliba doonaysey in ay iyadu gacanta ku qabato oo ka taliso.

Marxaladda afraad, oo ku beegan bishii Abriil 1992kii ilaa bishii Jannaayo 1993kii waxaa baaq u ahaa la-dagaalankii haraadigii Siyaad Barre Sulux iyo Maanafeesto oo difaac ahaa oo loola jeedo qabaa’ilka Abgaal, Murursade iyo qabaa’ilka Daaroodka iyo isbahaysigii la baxay Es.En.Ee oo weerar ahaa. Hadaba waxaa la yaab leh oo labada dhaban lala hayaa waxa ummaddaa ka dhexeeya oo ay ku dagaalamaayaan.

Natiijadii Dagaalada

Natiijadii dagaalada qabiil ka dhalatay iyo faa’iidadii laga dhaxlay waxay noqotay qaranjab iyo dawlad beel iyo in dalkii Soomaaliya laga dhigay gabaahiir bannaan, geyi rogmadey iyo meel lagu kala guurey. Waxaa maanta la isweydiinaayaa Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee magaca iyo sharafta lahayd, aduunweynahana laga aqoonsanaa, meeshey martay iyo halkey ku dambeysey? Waxaa bohol dheer lagu ridey haybadii qaranimo iyo midnimadii Soomaaliyeed, dawladii waxaa bedelay mooryaan xabbad la ordaaya iyo reer hebel, shacbigii waxaa ku dhacay kala qaybsan siyaasadeed iyo kala googo’ goboleed oo aan midna midka kale ka dab qaadan oo weliba warmo qarsoon laysu haysto.

Burbur Siyaasadeed

Dagaaladii qabiil waxay sababeen burbur siyaasadeed iyo in qabiil qabiil loo kala qaybsamay iyo in beel beel loo kala baxay, waxaa aad u dhaawacmay wadajirkii shacbigii jeer dhaweyd wada yaalka iyo wax wadaaga ahaa, waxaa qabri lagu ridey derisnimada iyo hilowga kal gacalo oo ka dhexeeyey, waxaa gebi dheer laga tuuray midnimadii iyo wada noolaanshihii Soomaalida, waxaa la nacay diintii Islaamka ee muqadaska ahayd iyo caqiidadii qofka Muslimka ah hagi jirtey iyo xeerkii ma-guuraanka ahaa iyo hiddihii lagu dhaqmi jirey, walaalnimadii iyo waddaninimadii dadka Soomaalida caadada u lahaa.

Burbur Dhaqaale

Dagaaladaas qabiil waxay sababeen burbur dhaqaale kii ugu xumaa iyo baaba’a deegaan oo aan baaxaddiisa la qiyaasi karin miyi iyo magaalaba, hantidii ummadda nooc kasta ha ahaatee mid guud iyo mid gaar ahaaneed, guurto iyo ma-guurtaba, Duufaan Madow oo reer baadiye ah, oo hubkii dawladii burburtay gacanta ku dhigay, qaad iyo daroogana miyirkii iyo maskaxdii ka qaadeen baa cagta mariyey, waxaa la furfurtay warshadihii wax saarka oo dalalka dibadaha loo dhoofiyey, waxaa la dumiyey ilihii dhaqaale, waxaa la jirid gooyey beerihii muddada dheer lagu tacbaayey, waxaa la dabar gooyey xoolihii noolaa badankoodii, duur joogtii waxaa ka haray doofaar iyo daayeer. Waxaa maanta cayr fara madow laga yahay waxay Soomaalidu shacbi iyo dawlad 30kii sano ee ay dawladda ahayd baryo iyo amaah ku tacbatay gaar ahaan gobolada koonfureed, waxaa laga dhigay meel dab maray ama dhul gariir ka dhacay oo kale siiba dhulka Labada Wabi maraan iyo inta u dhaxaysa

Khabiir magaalada Baraawe deganaa ayaa wuxuu yiri, “Waxaan ka shaqeyn jirey warshad kalluumeysi oo magaalada darafteeda koonfureed ka dhisneyd. Annagoo wershadii joogna ayaa waxaa nasoo weeraray koox hubeysan oo ka tirsan ururka Yuu.Es.Sii, intey warshaddii dibadda nooga saareen shaqaalihiina qaar hayb qabiil ku laayeen ayey waxay wershadii ku rideen afar xabbadood oo baasuuke ah. Intaan naxay ayaan waxayn ku iri, ‘War maxaad wershadda u gubeysaan?’ Waxay iigu jawaabeen, ‘Raadkii Afweyne ayaan wadanka ka tirtireynaa, mid ka fiicanna anagaa dhiseyna.’”

Burburka Aqooneed

Dagaaladaas qabiil waxay reebeen burbur saqaafadeed, mid aqooneed iyo mid wax barasho, waxaa raadkoodii la tirtirey kasma abwaan iyo kayd cilmi nooc kasta ha ahaatee, waxaa la xaalufiyey maktabadihii kutubta lagu keydin jirey ee qaranka, wixii kutub ahaa oo dalka gudihiisa yiil mid guud iyo mid gaar ahaaneedba waxna waa la gubey waxna waa la gurtey, rugihii cilmi baarista waa la burburiyey, sida Akadeemiyadii Cilmiga, Jaamacaddii Ummadda iyo kuliyadaheedii, dugsiyadii waxbarshada, machadyadii, waxaa la tirtirey goob kasta oo loo arkay in ay raad cilmi ama xusuus taariikheed leedahay, waxaana hunga madow laga dhigay madxafyadii qaranka wixii qalab dhaqan iyo qalab taariikheed ahaa oo yiil, waxna waa la qaatay waxna waa la burburiyey.

Dhimasho iyo Dhaawac

Dadkii dagaaladaas qabiil ee dugaagnimada ahaa ku dhintay ama ku dhaawacmay oo xasuuqa iyo gumaadka baaqa looga dhigay waxaa lagu tilmaami karaa gablan iyo guuldarro Soomaaliya ku dhacda tii ugu xumeyd, si toos ah iyo si dadban si kasta ha ugu dhacdee dadkii ku dhintay meydkii qalfoofta noqday oo dariiqyada wadhnaa iyo lafihiisii daadxoorka duurarka daadsanaa, dhimashadii la kala xabaali waayey, meydkii daafaha magaalooyinka meeshii cagta la saaraba lagu tumanaayey, ninkii arkay baa malayn kara, dadkii qaxaayey ee maraakiibta iyo doonyuhu badda kula qarraqmeen, kuwii galaabay oo duurka fog iyo kaymaha cudurka iyo baahida ugu dhammaaday ninkii ogaa baa qiyaasi kara.

Dagaaladaa dadkii ku dhintay tirakoob laguma samayn sawir cadna lagama bixin karo, hase ahaatee muddadii dagaaladu socdeen oo 5 sano ka badan qofkii u dhuun daloolay ama goob joog u ahaa qabaa’ilkana kala yiqiin hillaadda guud dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay waa malayn karraa yuuba tiro sax ah sheegine. Hay’adaha gargaarka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka sida Afrikaan Wooj, tiradey sheegeen waa hadal afka laga yiri, waayo? Waxaa jirey dad badan oo keymaha lagu gumaaday oo aan tiradooda laga war hayn, boqolaal jidadka iyo daafaha magaalooyinka lagu xasuuqay, waxaa jirey tuulooyin badan oo dadkii deganaa aan qof ka harin, dad badan oo guryahay deganaayeen madaafiici ku habsatey oo burburkii hoos maray oo aan war loo hayn, waxaa jirey kumanyaal meel ay mareen aan la ogeyn, kumanyaal madaafiicdii ka cararay oo duurarka gaajo iyo harraad ugu dhintay, reer guuraagii iyo beeralaydii, xoolihii iyo raashinkii laga dhacay oo baahi iyo macluul u dhamaaday.

[sawir: Qaxooti Soomaali]

Hadalkii oo kooban, waxgaradkii dagaaladaa la socday iyo odoyaashii qabaa’ilka Soomaalida aqoonta u lahaa haddii la is wareystay dadkii dagaaladaas qabiil si toos ah iyo si dadban ugu dhintay, waxaa lagu qiyaasay hal malyan iyo saddex boqol oo kun ilaa hal malyan iyo badh. Khasaarihii dagaaladaasi qabiil geysteen, hooga iyo halaaga ay Soomaaliya badeen mood iyo nool, naf iyo maal wixii adduun la bililiqeystey ama la burburiyey ama la baabi’iyey ruuxna ma qiyaasi karo, afkana lagama sheegi karo, qalinna laguma qori karo. Rubuc malyan dad aan ka yarayn baa ku dhaawacmay, rubuc malyan kalena waa ku curyaamay oo qayba xubnaha jirkooda ka mid ah ku waayey, nus malyan kalena waa ku hoy iyo hanti beeleen, boqolaal kun oo qofna waa ku bara kaceen iyagoo dalka gudihiisa ku silicsan, boqolaal kunna waxay u tallaabeen dalal shisheeye iyagoo qaxooti ku ah xerya looga ooday. Soomaali oo dhan waxaa la baday gablan iyo gaajo, silic iyo saxariir iyo darxumo tii ugu xumeyd. Xataa kuwii wax dilaayey ama wax burburinaayey oo dhaca iyo boobka u tafa xaydnaa dhibaatadu waa asiibtay, oo wax yar oo xaaraan, qaad iyo daroogo dishay baa ka nool. Goboladii dalka Soomaaliya ugu hodan sanaa waxay noqdeen miyi iyo magaalaba gurigii gaajada, hoygii geerida, xasuuqa iyo xabaalaha, qofkii waddaniga ahaa wuxuu maanta amiirkiisu la danqanaayaa, naftiisuna !a gubanaysaa masiibada qarada weyn oo Soomaaliya ku habsatay, gablan wiil la’aaneed iyo geyiga rogmadey oo aan garaabid iyo garowsho midna lahayn.

[sawir: oday dadkiisii dhamaaday]

Markaan aragnay carruurtii dagaaladaa rajada iyo agoonta ku noqday oo guri kasta iyo dariiq walba daadsaneyd, waxaanu xasuusanay hadal tuugsi ah oo 60 jir hodan ahaa oo col iyo abaari cayreeyeen, wiilashii waaweynaana ka geeriyoodeen, kuwii yaryaraana wax uu siiyo waayey oo dantii baday in uu dadka la baryo hadal beer laxawsi ah si dadku ugu naxariisto waxna loo siiyo, wuxuu yiri:

Yaan lixdan jir ku cayroobin
Yaan labaatan jir xabaalin
Yaan laba jir caana u waayin.

Haddaba masiibadii Soomaaliya ka dhacday markii hadalkaa xanuunka iyo tiiraanyada badan leh loo eego:

  • intee lixdan jir dagaaladii qabiil ku cayroobay oo macluul iyo silic u dhamaaday?
  • imisaa labaatan jir xabbadi dishey oo la xabaalay?
  • intee baa laba jir caano loo waayey oo gaajo u dhintay?
  • intee baa dagaaladaa aabbayaashood lagu diley oo ku agoomoobey?
  • meeqa hooya ku gablantay imisaa naag gurigeedii ku madoobaaday?

Yaa Ka Mas’uul ah?

Dhibaatada kuwii geystey iyagaa adduunka ka mas’uul ah Aakhirana u qoolan, eedooduna dusha ka saaran tahay maata laysyadii xukun-doonka ahaa oo dagaaladaa qabiil hormuudka u ahaa, aqoon xumada iyo arxan darridu kaalmeysey oo maankooda iyo maskaxdooda ka helay in ay Soomaalida qabiil qabiil u kala qaybiyaan, qabiilkaan la hayb ahaynna gumaadaan, iyagoo kursi dhalanteed ah ku riyoonaaya, iyagoo qaad iyo maandooriye miyirkii iyo maskaxdii ka suuliyey, kasmo iyo aqoonna ka tegay, hadaba maxay ka dheefeen? Soow maanta ku dul meereysan maayaan xabaalihii dhalinyaradii iyo carruurtii ay gumaadeen, haweenkii iyo waayeelkii ay xasuuqeen iyo burburkii dalkii ay saboolka ka dhigeen, maxayse faa’iido ah oo ay ka heleen? Godob iyo dakana ay galeen oo aan weligeed ka harin maaha e? Intey adduun ku nool yihiin soow maantay goob ceebeed ma taagna? Aakhirana soow cadaab ma kasban?

Is Barbar Dhig

Sida sheekooyinka Soomaalida ee facba faca ka dambeeya u gudbiyo iyo dhacdooyinka taariikheed ee odayaashu wariyaan, maansada iyo gabayada raggii hore ay mariyeen kuwa laga hayaa waxay xusayaan in dalka Soomaaliya qarniyadii hore colaada qabiil oo lagu riiqdo iyo abaaro dad iyo duunyaba lagu rogmadaa ka dhici jireen, hase yeeshee lama sheegin colaad iyo abaar ka baaxad weyn ama ka fool xuma badan ama ka magac xuma weyn tan maantay geyiga Soomaaliya ka dhacday, waayo? Dilkii, dhacii, boobkii iyo bililiqaysigii iyo kufsigii waxay gaareen gobolada dalka Soomaalida intooda badan. Xishood darridii, asluub xumadii iyo naxariis la’aantii waxay gaareen heer lagu faano oo inta dadnimadii laga tegay sidii dugaaga loo dhaqmay. Rafaadkii iyo dacdarradii waxay saamaysey qooys kasta iyo guri walba, miyi iyo magaalaba, dhibaatadii waxay taabatay qof kasta mid hodan ahaa iyo mid sabool ahaaba, colaadii iyo nacaybkii iyo naxariisdaradii waxay gaareen xasuuq qabiil mid hubaysan iyo mid aan hubeysnayn oo aan waxba galabsan, mid dagaal ku jira iyo mid aan dagaal ku jirin oo loo diley waa reer hebel, burburin hanti qaran iyo hanti dadweyne iyo baabi’in deegaan oo aan ujeedda lahayn.

1990kii ilaa 1994kii colaadii Soomaaliya ka dhacday waxay kuwii hore dalka uga dhici jirey kaga duwan tahay laba arimood oo aan shaahid lagu arag sheekana lagu maqal.

  • Dagaaladii hore sida badan waxay dhex mari jireen laba qabiil oo gobol wada degan ama laba gobol oo deris ah, markaa badanaaba waxaa u gurman jirey oo kala dhex gali jirey wax garadka qabaa’ilka kale iyo culimada diinta wixii dhibaata ahna waa la maareyn jirey, tanise wax garad ka hortaga iyo waxyaqaan is xilqaama iyo wax is maqla waa la waayey.
  • Taariikhda laguma sheegin dhegtana lagama maqlin odayna kama sheekayn colaad dalka Soomaaliya dhamaan saabatay iyo dad dhamaan colaad iyo xumaan isku raacay, koonfur iyo waqooyi, bari iyo galbeed tan ka hor, dib u xasuuso macnaha buraanburkay tirisay Faaduma Buraanburtooy.

Xusuus Taariikheed

Hadalkii oo kooban, qarankii Soomaaliya waa dumay, dhaqaalihii dalku waa baaba’ay, adeegii bulshadu waa kala daatay, deegaankii waa xaalufay, kasma aqooneed waa sal guurtey, wada jirkii shacbigu waa kala tegey. Eelka Soomaaliya qabsaday iyo masiibada asiibtay markii mid taariikheed la barbar dhigo waxay la mid tahay siday taariikhdu xusto ama laba goor jibaar ka xun tahay burburkii Tataarku geystey 1258 Miilaadi ama 656 Hijrigii dalka Ciraaq gaar ahaan magaalada Baqdaad oo xilligaa ahayd xarunta khulafadii Islaamka ee Cabbaasiyiinta, markay sida dugaaga u galeen oo khaliifkii Islaamka iyo boqolaal kun oo dad ah laayeen bakhaaradii kaydka boobeen, khasnadii dahabka dhaceen, haweenkii Muslimka ahaa afduubeen, waxay arkaana cagta mariyeen, wixii kutub cilmi ahaa oo Muslim iyo gaalaba qiima weyn la lahaa waxay ku gureen webiga Dajla oo fardaha uga dhigeen kaabad ay webigaa kaga gudbaan, taasoo ilaa maanta taariikhda caalamka Islaamka laga xasuusan yahay.

Xusuus Suugaaneed

Markaan suugaantii Soomaalida dib u eegnay iyo gabayadii raggii hore ee gabyi jirey waxay waayaha adduunka ka yiraahdeen, eelka dagaaladu geysteen iyo aafooyinka abaaruhu reebeen gabayadey ka mariyeen, waxaa ugu tilmaan dhawaa gabay sidaan aragnay la maydhaamay oo uu mariyey nin Isaaq ah oo magaciisa lagu tibaaxay Maxamad Cawar qarnigii 18aad dabayaaqadiisii, kaasoo qiyaasta ku beegan 1885kii ilaa 1895kii, wuxuu gabayga ku sheegay colaad qabaa’ilka Soomaalida dhex martay iyo abaar gobolada dalka oo dhan saabatay, Berbera tan iyo Baraawe, Harar tan iyo Hobya inta u dhaxaysa oo reer kasta gaartay. Gabayga oo isku qasan tuducyada laga hayo waxaa ka mid ah:

Burhaan gabay bulaaloow beryahan beerka kuma hayne
Waa taan ka baaliday sidii beeyo roob helaye
Xalay baa habeenkoo bartamay baan la ii tumaye
Anba yimiyo waa taan tixaha buuni ku ahaaye
Belaayada adduun weli ma imaan bohoradoodiiye
Buurey ku joogtaa intey reero baabi’ine
Hadba qoladii bocor haysataa loo bun dubayaaye
Baraariyo sabool bey isu jira laba bidhaanoode
Banka xoolo lagu foofiyaan biid kasoo hoyne
Ninkii baxayaa buuraha jinkaa loo birbiriyaaye
Boorame meleg baa hillaac uga bidhaamaaye
Waxaa lagu balkeydaa kuwii boholo faaf yiile

Nuux Maxamad waa kii isbulay beri callowgiiye
Bixin kuma lisaan qaalmihii boodhcadka ahaaye
Biyaha Yuusuf iyo Aadan waw kala baqaayaaye
Barbaar jeedal sidataa ka nool labadii begneyde
Arab wuxuu la bala waasayaa boobtadii shalaye
Makaahiilna boogaha ku yaal waa bukaa weliye
Waa beeyo Habar Yoonistii bu’aha waalneyde
Waa taa laftoodii balqaxan buuran ioo qodine
Reer Sugule gooddiga bankuu baalcaddii dhigaye
Iyana baarax uma soo shiraan beri samaadkiiye
Waa tii bah deylna la dhigey bacadkii sheedaade

Jabriil Yoonis…
Batar kama tumaan  muusayoow berandigii Xiise
Burcadii rukuudiyo shalcaw waa banaan tahaye
Laasqoray baqaalkii ma galo badenkii reer Suure
Berri Carab waxaa laga sheegayaa baashiyaal xirane
Boosaaso iyo Qawna waa laga baroortaaye
Butiyaalo nimankii fadhiyey waa ka baxayeene
Majeerteen is balawaalintii kala banaan qaadye
Burjigii ka maray Nuur Cismaan jaraye baanaaye

Nimankii bah Yaaquub ahaa beni ma haytaane
Waxaa baraxa loo goobayaa boqoradoodiiye
Baxsoo Keenadiid uma kaceen beled shisheeyaaye
Hobya ugama beyreen ninkii baha u weynaaye
Biyamaal Baraawiyo fadhiya badaha siijeeda
Isba boodha* dabadeed ma cunin bidiyo iidaane
Biddoodkii Kismaayoodna wey is wada bog dooxeene
Bulshadii Garaad Faarax iyo bariba naafowye
Barkad iyo guryihii bah Ararsame belel ka qiiqowye
Boos Caliyo reer Gorodna waa kala bir dhuftaane

Buuhoodle laga waa waxay beri ku haysteene
Boon iyo Xirsiba haatan dhige bilic wanaagiiye
Dadka niman baduugaha ahayn buugga laga waayey
Boqoriyo ka hoosow ma jiro nimaan bureysneyne
Dadka wada bakhtiyey Adari baan bari ku nooleyne
Biyaha Awdal waxa joogi jirey wiilal loo bogaye
Burhaan beygii dhalay yaa beyarna baawar ku lahaaye
Barkimooyin lacaguu lahaa haatan baalida’e
Bashiga lasoo sheegayow beladdadii qaatay

Banaatiikhda la iskaga cayimay beerka iyo laabta
Boqorada la wada gowracay iyo buuniyadda ooyi
Waa baadi geeriga Isaaq loo bun dubayaaye
Wedkii nabiyadeenii dilaa noo bareer yimiye
Bur sarreen leh hay dubin kuwii beertay laga qaadye
Weesada biyey waxaan u kici beydkii Nebigiiye
Balka ii dhig caawaba qaluhu ha iga sii baxo’e
Adiguna tolkaa baal ka raac bulan xigaalkeene.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey

Odoyaasha waaya aragga ah oo xikmadda iyo murtida dhuuxaa waxay yiraahdeen, “Saaxiibka runta ahi wan kan sirtaada qariya, ceebtaadana astura, wanaagaaga ku farxa, xumaantaadana ka naxa, kulana guntada maalintey dhibaato ku soo food saarto.” Sharciga Islaamkuna sidaasuu saaxiibka runtaa ku tilmaamay. Jamciyadda Qaramada Midoobey in ay shacbiga Soomaaliya garab qabato wax ku cusub maaha, waayo? Gobanimadii Soomaaliya waxaa gacan weyn ku lahaa waddadana u xaarey Qaramada Midoobey.

1946kii ayaa arrinta Soomaaliya la horgeeyey Golihii Sare ee Qaramada Midoobey si ay uga tala bixiyaan Soomaalida aayaheeda dambe. Dawladda Ingiriiska oo ka mid ahayd dawladihii Dagaalkii Labaad ee Adduunka ku adkaaday xilligaana waddanka Soomaali Weyn maamulkiisa gacanta ku haysey markii Golaha Sare ee Qaramada Midoobey arrinta Soomaaliya ka hadlaayey, wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Ingiriisku wuxuu talo ku soo jeediyey in shanta qaybood ee Soomaalidu u kala qaybsan tahay la isku daro si loo abuuro Soomaali Weyn midaysan, dawladda Ingiriiskana loo dhiibo si ay gobanimo buuxda u gaarsiiso. Hase yeeshee nasiib darro taladaasi meel mar ma noqon. Waxaa si toos ah isu hortaagay Soofiyeeti.

1949kii Qaramada Midoobey markay arrimaha Soomaaliya falanqayeen waxay go’aamiyeen afar qodob oo kala ah:

  • In dalkii Soomaaliya ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka ka hor Talyaanigu gumaysan jirey gobanimo taam ah ay qaataan 10 sano ka dib.
  • In Talyaaniga loo xilsaaro si uu u gaarsiiyo gobanimo buuxda, iyadoo Qaramada Midoobey arrimaha gobanimo gaarsiinta dusha ka eegaayaan.
  • In Qaramada Midoobey caasimadda Soomaaliya Muqdisho ka furtaan xafiis joogta ah oo la socda aayaha Soomaaliya.
  • In loo magacaabo gole la-tashi oo Qaramada Midoobey hoos yimaada oo ka kooban saddexdaa dawladood oo kala ahaa Masar, Filibiin iyo Kolombiya.

Go’aamadaa sidii Qaramada Midoobey u qorshayeen xornima gaarsiinta Soomaaliya ayaa loo fuliyey, waxaa go’aankeeda lahaa Qaramada Midoobey. Talyaanigu wuxuu ahaa macalin la faray agaasimidda iyo maamulka gobanima gaarsiinta Soomaaliya. Qaramada Midoobey 10kaa sano waa daba taagnaayeen, sannadkiiba mar ama laba jeer ayaa Talyaanigu Golaha Sare warbixin u gudbinaayey meeshay hawshu marayso. Sidaa awgeed 1960kii gobanimada ay Soomaalidu qaadatay taladeeda iyo go’aankeeda waxaa lahaa Qaramada Midoobey, abaal iyo ammaan bey mudan yihiin iyo in Ilaah lagu mahdiyo.

1991kii markii dawladdii Soomaaliya ka jirtey burburtay adeegii guud ee bulshaduna kala daatay, dhaqaalihii waddankuna baaba’ay, dagaaladii dawladda ku wajahnaa si lama filaan ah dagaala qabiil isugu bedeleen, muddo hal sano iyo dheeraad ah oo Soomaaliya qalalaase iyo dagaalla qabiil ka oognaayeen dawladaha caalamku waa daawanaayeen, hay’adaha gargaarkuna waa fiirsanaayeen, wixii sama fal ah oo hay’adaha gargaarku keenaanna burcad hubaysan baa leexsatay, wax dhexgal iyo dhex dhexaadin ah midna looma yeelan, iyagoo dawladuhu taa sabab uga dhigeen laba arrimood oo kala ahaa:

  • Dawladii Soomaalidu waa burburtay wax maamul siyaasadeed ah oo lala xiriiraa waddanka kama jiraan, taladiina waxay gacanta u gashay mooryaan reer baadiye ah oo buntukh caaradiisa ku adeeganaaya, wax dil, wax dhac, iyo wax boob mooyee aan wax kale garanayn sharci iyo qaanuun kala celinaayaana aanu jirin.
  • Dawlad dhalanteed ah oo Cali Mahdi madaxweyne ka yahay Cumar Cartana ra’iisul wasaare oo caalamka maqashiisey hadal hadoof ah oo aan waxba ka jirin awood ayan lahayn ku hodey, “Wax baan hagaajinaynaa, nidaamkaan soo celinaynaa, ammaankana waa sugaynaa, Soomaalidaan isu keenaynaa,” hadalkaas oo ay caalamka ku hodeen, hase ahaatee noqday wax afka laga sheegay oo aan wax qabad lahayn.

Haddaba adduun weynuhu dhibaatadii Soomaaliya ka dhacday waa la socday hase ahaatee wuxuu ku baraarugay goor talo faraha ka baxday oo dad iyo dalba rogmadeen, duunya xoolaadna hadalkeedba daa. Dabayaaqadii sanadkii 1991kii markii hay’adaha gargaarku xaaladda waddanka Soomaaliya ka jirtaa ka deyriyeen, waa sidii la rabaye oo xabbad iyo macluul dadkii u dhamaaday, iyaguna aanay awoodi karin in ay wax mucaawino ah gaarsiiyaan meelaha dadka tabaalaysani joogaan cuntadana u qaybin karin, waayo? Wixii mucaawino ah oo hay’adaha samafalku waddanka geeyaan waxaa leexsada burcad hubaysan oo qaad iyo daroogo ku waashay oo waxay dilaan iyo waxay dhacaan mooyee wax ay ka naxaayaan iyo wax ay daryeelaayaan aanay jirin meel ay u socdaan iyo meel ay wax u wadaan aan la kala aqoon.

Waxaa si dhab ah dhibaatada loo ogaaday markii dliawr qof oo mas’uuliyiin sare ahaa oo dunida guudkeeda aad looga yaqaani dalka booqasho ku tageen ka dibna in waddankaa dhibaata culusi ay ka jirto caalamka gaarsiiyaan, warfaafinta caalamkuna warar dareen laga naxo leh ay ka sheegeen. 1992kii markii Budrus Budrus Qaali loo doortay in uu noqdo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, shacbiga Soomaalida intiisa miyirka qabtay waxaa gashay nayaayiro cusub iyo yididiilo ku salaysan laba qodob oo kala ahaa:

  • Budrus Budrus Qaali oo ahaa ruug caddaa siyaasi ah, waayo aragna ku ah waayaha adduunka, arrimaha Afrikana aqoon dheeraad ah u leh siiba qawmiyadaha dega Geeska Afrika, waxaa la arkaa in uu masiibada Soomaaliya ku habsatey dawladaha deeqda bixiya ku baraarujiyo in dalkaa gargaar loo fidiyo.
  • Dawladda Masar oo muddo dheer dalka Soomaaliya xiriir taariikheed oo qadiim ah la lahayd oo weligeed Soomaalida taageeri jirtey, waxaa laga filaayey in Budrus Qaali adduun weynaha ugu baaqo gurmad caalami ah in kastoo shaki laga qabay in dawladaha reer Galbeedku taa jallaafo u dhigaan ama arrinta hoddadayaan.

Bishii Febraayo 1992kii markii hay’adaha gargaarkuna aad uga dayriyeen ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Soomaaliya u diray ergey gaar ah oo Qaramada Midoobey ka socda Jeymis Joona (James Jonah) si uu u soo eego dhibaatada wadanka Soomaaliya ka jirtaa inta baaxaddeedu le’eg tahay iyo sidii wax looga qaban lahaa, gaar ahaan gobolada koonfureed oo dagaaladu aad u naafeeyeen. Markii ergeygii warbixin naxdin leh geeyey Xoghayaha Guud wuxuu adduun weynaha u direy qayla dhaan, warbixintiina wuxuu hordhigay Golaha Ammaanka si ay uga tala bixiyaan masiibada Soomaaliya ku dhacday iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Haddaba iyada oo laga eegaayo dhibaatada culus ee waddanka ka jirta xagga aadanimada, waa sidii hadalka loo yiriye, arrintii waxaa laga dhigay gurmad caalamiya si guud ahaan adduun weynuhu qaaraan deg deg ah ugu ururiyo waddankaa dadkiisii dagaalada qabiil naafeeyeen loo taakuleeyo, hase ahaatee tallaabadii la qaadaaba waxay ahayd mid ujeedda siyaasadeed ka dambeyso.

Xilligaa Mustafa Sheekh Cilmi oo ah gabyaa Soomaali ah gabay uu tiriyey isagoo ka warramaayey halista dadka Soomaalidu ku sugnaa iyo warbixintii Golaha Ammaanku ka soo saaray iyo qayla dhaantii Xoghayaha Guud Budrus Qaali caalamka uu gaarsiiyey, gabaygiisii qayb ka mid ah wuxuu ku yiri:

Jamciyacida Quruumahoo aan jirin qoys ma hari hayne
Qabaar ugub ahaa dhici lahaa iyo qaaraddoo marane
Budrus Qaali sida waa qac yiri qaw run kaga siiyey
Soomaalida qar wayn baa ku dumaye ee halaga qaado
Intuu qayliyaa nagaga filane qaanac baan nahaye
Qabiiriintuu kursiga u xushad qaladna heenseyne
Geesi qiima wayn buu noqdoo waana loo qiraye
Anigoon murtida qaawinayn qaarse oranaaya
Nimankii joornaalada ka qoree qun u dhaleeceeye
Ma qaabiline sheekooyinkaa qubay warkoodiiye
Qasadkey lahaayeenna waa hoos u sii qodane
Haddii Qaadir oday kaaga dhigay qalaqa uunkoo dhan
Qobkaa wuxuu istaagaa haddii quursi soo galoye

In qisadu sidaas daarran tahay yaan laguu qarinin
Dawladaha quwada wayn lahoo qaniya oo buuxa
Raggoodii qusuusiga ahaa qaate taladiiye
Guddigii Amnigu qaabilyoo saare qalinkiiye
Daba-qabashadeennaa haddeer quudka loo bixine
Markii ay annaga naga qubnayd qaarki ina fiirshay
Qabtoo hooya waw mahad naqnayee qaadoo naga geeya
Si qabyada bannaan loo abyoo loogu qiil bixiyo
Hubkoo nalaka qaadaa hariyo qaran la taagaaye
Inta aad quluubaha xashaan oo qoonti la illaawo
Qaadirkeen midnimuu ina faraye qaata amarkiisa
Ilaahoow adaa Qaadiroo Qaniya oo Wayne
Adigoon qaldamin oo Allow dan u qasaareyne
Allahayoow qarankii waa naga dumee noo qotomi maantay.

Hawlwadeennada Qaramada Midoobey waxay dadaal weyn u galeen oo geed gaaban iyo geed dheer u koreen sidii qabaa’ilka dagaalamaaya loo heshiisiin lahaa, waxay qabteen shirar badan oo nabad raadin ah, hase yeeshee taa waa laga caal waayey, waayo? Qofkaad dawada u sidaa haddaanu dawada doonayn maxaad yeeli kartaa? Haddiise uu dareemo in aad dileyso in uu kaa cararo maxaa u dhaama?

Wakaaladaha wararka tebiya iyo warfidiyeenada hadalka ka ganacsada iyo dadka aan xog-ogaal u ahayn arrimaha Soomaaliya waxay idaacadaha ka sheegeen jaraa’idkana si qayaxan oo waliba asluub daran uga sheegeen in Qaramada Midoobay ay awoodi kari waayeen dib-u-heshiisiinta qabaa’ilka dagaallamaaya. Hadaba waa in talada lagu daraa in arrintu ay ka dhaxayso qabaa’il colaad xun iyo dakano dhex martay oo askar xukun doon ahi hor boodayaan.

Dagaallada qabiil ee xilligaa dalka gudihiisa ka socday waxaa ugu kululaa ama ugu khatarsanaa dagaalkii lagu hoobtay ee ka socday magaalada Muqdisho oo ka dhex oognaa qabaa’ilkii ku mideysnaa Yuu.Es.Sii oo ay kala hogaaminaayeen Cali Mahdi Maxamad iyo Janaraal Maxamad Faarax Caydiid oo mid walba doonaayey in uu isaga Muqdisho xukumo, haddaba Qaramada Midoobey ugu horreyntii waxay ku dhaqaaqeen dadaalna u galeen sidii xagaalkaas loo joojin lahaa wadda kasta haloo maree, dabadeedna heshiis guud loo raadin lahaa.

Inkastoo dhibaata badan iyo madax adeyg lagala kulmay sidii xabbad joojin loo gaari lahaa, nasiib wanaag bishii Maarso 1992kii Qaramada Midoobey waxay meel mariyeen heshiis xabad joojin ah oo ka dhexeeya labada garab ururka Yuu.Es.Sii oo Muqdisho ku dagaallamaayey, taasina waxay ahayd guul, waxaana Muqdisho la dhigay 50 nin oo Qaramada Midoobey ka socda oo aan hub wadan oo xabbad joojinta hirgelinteeda ilaaliya, hase ahaatee markii dagaaladii Muqdisho ka taagnaa hakadeen waxaa mooryaantii fiiqatada ahayd kansho iyo fursad u heleen dhacii iyo tuugadii, isbaaradii iyo furfurashada korontada, dhismayaashii madaafiicda ka badbaaday iyo fuqsigii guryaha magaalada Muqdisho.

Waxaa xusid mudan qiso la yaab leh oo ka dhacday magaalada Baraawe bishii Maarso 1992kii oo bil Ramadaan dadku sooman yahay ayaa magaalada Baraawe amin subax ah waxaa soo weeraray ciidan Yuu.Es.Sii Es.En.Ee oo Gaashaanle Sare Axmad Cumar Jees ammaanduule ka yahay, mooryaantii boobka iyo bililiqada abaal gudka looga dhigay sidii wax ooman bay magaaladii ugu qamaameen iyagoo si xun oo aan turaal lahayn guryaha u faambiyaaya ayaa Axmad Cumar Jees oo saaran baabuur Laankaruusar ah wuxuu yiri, “Odayaashii magaalada hala iigu yeero.” Kadibna wuxuu ku yiri, “Magaalada maamul baanu ka dhisaynaa aniga quraac hala ii sameeyo. Caydiidna goor dhow buu imaanaayaa qada haloo diyaariyo.”

Nin maal qabeen ah oo odayaasha reer Baraawe ka mid ah baa la hadlay oo wuxuu ku yiri, “Waa yahay, ciidamadaadii waa kuwaa magaaladii boobaaya, waad maqlaysaa haweenkii iyo carruurtii waxa qayla iyo baroor ka baxaaya, waa inaad wax ka qabatid oo magaalada bililiqada ka joojisaa.”

Jees isagoo dhoolla caddeynaaya wuxuu yiri, “Taasi macna ma laha waa qorshe loogu tala galay,” oo markaa iska dhaqaaqay, saacada ka dibna weerar kalaa ka dul yimi oo magaaladii ka saaray.

Bishii Abriil 1993kii dagaaladii waxay isugu habar wacdeen gobolada Bay, Gedo iyo gobolka Jubbada Hoose markii malleeshiyadii Yuu.Es.Sii Es.En.Ee ee bililiqada iyo burcadnimada ku mamay loo jiheeyey goboladaa aan soo xusnay, magaalooyinkii muhiimka ahaa waa qabsadeen, Maxamad Siyaadna Gedo waa ka baxay. Hase ahaatee dagaalla rogaal celin ah ayaa Es.En.Ee bishii Oktoobar 1993kii laga saaray magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo aad muhiim u ahayd. Bishii Febraayo 1993kii waxaa laga saaray magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.

Dhinaca kale Yuu.Es.Sii Es.En.Ee waxay weeraro ku qaadeen gobolada Galgaduud aagga Caabudwaaq iyo Balanballe iyo gobolka Mudug aagga Gaalkacyo. Hase ahaatee si xun bay dhankaa ugu jabeen oo guuli kama raacin.

Hadaba guul darradii ugu xumayd ee xabbadda iyo macluusha loo dhamaaday waxay dhacday shantii bilood ee kala ahaa Maajo, Juun, Luulyo, Agoosto iyo Sebtembar 1992kii markii dadkii dhulka Labada Webi u dhexeeya deganaa ay noqdeen wax xabadi la tagtay iyo wax hantidii laga dhacay oo macluul u hoobtay, bilahaa koonfurta Soomaaliya waxaa looga yaqaan Dagaalkii Janaraal Waaw iyo Macaluushii Caga Barar.

Idaacadaha adduunka iyo jaraa’idka reer Galbeedka bilahaasi waxay u ahaayeen xilligii berisamaaga, waayo? Wakaaladaha akhbaarta tebiya, wargeysyada wararka qora, telefishinnada sawirrada bandhiga iyo idaacadaha hadalka baahiya waxay ka hodmeen wararkii xayeysiiska ahaa iyo sawirradii naxdinta lahaa oo dadka lafaha iyo qalfoofta maran noqday iyo silicii iyo darxumadii dadkaa ka muuqatay, magaalooyinkii dagaaladii qabiil ku burburay iyo tuulooyinkii la gubey, sawiradii laga qaaday, ka tadhaheen, waayo? Soomaaliya waxay noqotay filimka kaliya ee bilahaa caalamka laga daawada.

Mustafa Sheekh Cilmi mar kale isagoo ka hadlaaya dhibaatada Soomaalida ku dhacday eeddana qabiilka dusha ka saaraya qayb gabaygaan dhawaan soo xusnay ka mid ah wuxuu ku yiri:

Soomaalidu iyadoo qaniya oo qurux leh oo buuxda
Sharafteedii ka qubaysatay oo waa is qaawidaye
Khasaaraye wixii ay qabteen qaar kaloo jiraye
Qola qola ayey uga hareen qayrkood tuutagaye
Meel qabyaalad lagu maamulaan khayr asalkeed noqone
In qabiil waliba madaxweyne helo waa qisaan dhicine
Qam iney yihiin lagu ogaa iyo qaafiliin damahe
Qalbigoodii waxaa laga furfuray wax isu quurlaane
Waa taasoo Ilaah baa khasiray laguna qaad kiise
Xukun khaa’imiin dooneyso eedi qaradleeya
Qawmiyad inaan lagu ogayn waxaad u soo qaadan
Qaxootiyey ka doorteen iney qaran ahaadaane

Kuwa qadada idin siinayaa waydin quursaniye
Qadyaan bay inaga taagan yihiin qaaradoo idile
Qaaraamaad ku noolaada abid quur iyo waa ceebe
Labadii qofoode is disha iyo qola heshiin wayda
Kol haddaan dhul loo qayday jirin iyo meel loo kala qaado
Inaan wada jirraa waa qasabe nolosha qoondeysta
Shacbigaan qubuuraha u bataye qalalane hiigan
Xil u qabashadiisii haddii la isku qaaquulay
Qalfoofkiisiyo lagu tartami waa qisadu saase
Waxa qalbiga aan uga ooyayaa aaway qarankiiye
Waxay ilmadu aniga iiga quban qaabaddaan nahaye
In qarracan idilo baan ka baqan waa qandhaysnahaye.

Dad badan oo adduun waynaha ka mid ahaa ayaa waxaa fajac iyo la yaab ku noqotay, musiibada qarada weyn ee Soomaalida asiibtay waxa caalamku wax uga qaban waayey, malaha caalamku waddamada qaarkood dan baanu ka lahayn, waa arin lala yaabaa! Waxaa kaloo adduunka la yaab iyo amakaag ku noqotay ayaan darrada Soomaalida haysata, waayo? Kumaan kun carruur iyo haween iyo dad waayeel ah oo gaajo iyo macluul u dhimanaaya oo kuwii laga filaayey in ay badbaadiyaan ama u gargaaraan ay xabbad la dul taagan yihiin oo wixii mucaawima ahaa oo hay’adaha gargaarku u keeneen ka dhacaayaan, shaqaalihii samafalka ugu soo gurmaday iyo takhtaradii daaweynaayey laayeen. Waxaa xusid mudan hadal uu yiri Shoon Deferow (Sean Devereaux) oo ahaa nin Ingiriis ah oo shaqaale ka ahaa hay’adda Yuniseef oo bishii Jannaayo 1993kii magaalada Kismaayo lagu dilay, hadalladiisii waxaa ka mid ahaa, “Waxaanu joognaa dal dadkiisii la xasuuqaayo annaguna sahaydii lagu gumaadaayey aanu bixinayno.”

Haddaba mar haddii Soomaalidu dhibaatada dhexdeeda ka jirta wax ka qaban wayday, mar haddii wax garad waaya arag ah iyo odayaal ruug caddaa ah oo talada maareeya la waayey, aqoonyahanna kaalintii gabay, mar haddii dagaaladii qabiil dadkii iyo dalkii baabi’iyeen, mar haddii wadajirkii iyo isku duubnaantii shacbigu dhaawacantay, mar haddii nidaam iyo qaanuun la’aantii waddankii ka dhigtay hoygii raaxada dagaal oogayaasha iyo mooryaanta qalbigoodu daxalaystay, mar haddii hubkii qaranku lahaa gacanta u galay gacan-ku-dhiigle xaraan, qaad, iyo daroogo ku wareeray oo ay meel walba qori la taagan yihiin, dadka hilibkiisiina haadka u wareen, mar haddii wixii hanti oo ay arkaan bililiqaysteen, shacbigiina xabbad, gaajo iyo macluul iyo rafaad u dhamaaday, mar haddey wixii mucaawima ahaa oo hay’adaha samafalku dadka tabaaleysan ugu deeqeen leexsadeen ama in la gaarsiiyo is hortaageen kuwa waxaa samaynaaya ay yihiin wax ma-garato dadkoodii xasuuqaaya oo dhacaaya.

Geyigii Soomaaliya wuxuu noqday gaar ahaan gobolada koonfureed gurigii gaajada iyo geerida, shacbigiina wuxuu u qaybsamay qaar xabbadi dishey, qaar curyaamay oo gacmo iyo luga go’an, qaar dhaawacmay iyo qaar macluul u dhintay iyo qayb dalalka dibadaha u cararay oo xerya qaxooti ku darxumaysan iyo qayb cayr ah oo lafo qalfoof ah noqday oo cabsi murugo iyo welwel wadnaha farta ku haya, intaasoo halaag ahi markey waddanka Soomaaliya dhacday qayla dhaantiina meel walba gaartey waxaa lama huraan noqotay in ciidama shisheeye oo jamciyadda Qaramada Midoobay ka socdaa dalka loo diro si waxa nool loo badbaadiyo, hase ahaatee waxaa lagu heshiin waayey habkii iyo nidaamkii ciidamadaa lagu diri lahaa, dhanka kalena in ciidamada Qaramada Midoobey ka socdaa dalka yimaadaan waxaa is hortaagay ammaanduulayaasha isbahaysiga Es.En.Ee iyo kuwa diinta ku gabada oo aan adduunka waxba ka ogeyn, iyagoo ku doodaaya hadalo aan caqli gal ahayn oo ah, “Sharaftayadaa meel looga dhacaayaa, qarannimadayadaa lagu xad gudbaayaa, annagu dawlad xor ah baanu nahay, annagaa isku filan.” Hase ahaatee ujeedadu waxay ahayd dano gaar ah, waayo? Sharaf ay dhawrtaan iyo qaranima ay daafacdaan iyo dawladnima ay sheegtaan iyo wax ay qaban karaan midna meesha ma ool.

Haddaba markay burcaddii sahaydii gargaarka jidadka isku xira Muqdisho iyo gobolada kale u joogsadeen, oo ay wax walba dhaceen, ayaa bishii Agoosto 1993kii dawladda Mareykanka Qaramada Midoobey ugu yaboohday diyaarada sahayda gargaarka u daad gureeya gobolada fog iyo meelaha looga baahan yahay, taasi waxay ahayd markii ugu horreysay oo dawladda Mareykanka Soomaaliya il gaar ah ku eegto, hase ahaatee markii adduunka ka argagaxay muuqaaladii naxdinta lahaa ee sawir qaadayaashu ka muujiyeen macluusha iyo silica iyo darxumada wadankaa ka jirta oo aan mid la mid ah ama baaxaddaa leh horey adduunka loogu arag ayaa Golaha Ammaanku wuxuu guddoomiyey in Soomaaliya loo diro ciidamo tiradoodu gaareyso 500 oo ka socda Qaramada Midoobey si ay ula tacaalaan dhibaatada wadankaa ka dhacday, hase ahaatee waxay horseed u ahaayeen duulaankii Mareykanku damacsanaa.

Bishii Sebtembar 1993kii waxaa gegida diyaaradaha ee Muqdisho ka degay 500 oo askari oo ciidamada Bakistaan ka mid ahaa, ciidamadaasi markey damceen in ay hawlgalaan waxaa awoodoodii dhaafi kari weydey gigida diyaaradaha ee Muqdisho. Janaraal Caydiid oo beryahaa calankiisu babanaayey ayaa hawlgalkoodii si cad isu hortaagey, wuxuu dalbaday in ay ka baxaan garoonka diyaaradaha haddii kale dagaal dhici doono. Wixii gargaar ahaa oo dadka tabaalaysan loo wadayna markay baabuurta siddaa afmeerka garoonka diyaaradaha dhaafto waxaa leexsada burcadda hubeysan oo jabhadaha isku magacaabay, dabadeedna waxay wareegga uga dhigtaan dagaalada qabiil ee gobolada ka socda.

Markaa durbadiiba waxaa soo ifbaxay dareen ah in aan ciidamada tiradoodu tahay 500 oo askari dhibaatada Soomaaliya ka jirtaa waxba ka qaban karin, markaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey wuxuu dalbaday ciidamo kale oo 5000 gaaraaya, hase ahaatee intaan dalabkaa Golaha Ammaanku marin ayaa Mareykanku iskiisa ugu dhawaaqay in uu Soomaaliya u diraayo ciidama Mareykan ah oo tiradoodu tahay 30000 oo askari, taasina waxay ahayd tallaabo muhiim ah oo baahi weyn loo qabay, hase ahaatee dawladaha daafaha Bariga Dhexe qaarkood waxay la yaabeen in ciidama intaa tiradoodu le’eg tahay loo diro waddan yar oo sabool ah oo dadkiisu aanu ka badneyn sideed malyan, arrintaa dadka qaarkiis waxay u arkeen fara gelin meletari oo dadban oo Mareykanku ka dambeeyo, hase ahaatee Soomaaliya inteeda badan oo miyirka qabtay iyo adduunka kale kama qarsooneyn halistii shacbiga Soomaaliya ku sugnaa intaanay ciidamada Mareykanku xeebta magaalada Muqdisho ka soo degin, hase ahaatee markaad shaxda la cayaaraayo u fiirsato waxaad mooddaa in arrimaha Soomaaliya laga maamulaayey Aqalka Cad ee Mareykanka.

Haddaba adduun weynuhu markuu ogaadey halaaga waddanka ka dhacay iyo masiibada qarada weyn ee shacbiga gobolada koonfureed ku habsatay, waa la fiirsan waayey, madax badan oo adduun waynaha ka socota ayaa Soomaaliya booqasho sahana ku tagtay si ay xog ogaal ugu noqdaan una qiyaasaan xaqiiqada dhabtaa ee dalka ka jirta ka dibna gurmadka caalamiga ee Qaramada Midoobey ku baaqeen uga qayb galaan, madaxda qaarkood markey arkeen halaagga iyo darxumada waddanka ka muuqata waa iska ooyey, qaarna waxay arkeen daraadeed naxdin gariir iyo argagax baa ku dhacay.

Soomaaliya waxaa booqasho sahana ku tegey madaxweynayaal, wasiiro iyo mas’uuliin sare oo dawlada kala duwan ka socday, madaxdii sare ee waddanka tagtay waxaa kamid ahaa:

  • Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Budrus Budrus Qaali
  • Madaxweynihii Mareykanka
  • Madaxweynaha Ayrlaan
  • Madaxweynaha Botuswaana
  • Ra’iisul wasaaraha dawladda Talyaaniga
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska
  • Wasiirka Caafimaadka iyo Gargaarka Aadamiga ee Faransiiska
  • iyo mas’uuliyiin sare iyo wufuud aan tiro lahayn.

Waxaa xusid mudan hadal ay tiri madaxweynaha Ayrlaan Marya Labisoon markey Soomaaliya timi bishii Oktoobar 1992kii, “Aad baan uga naxay nolosha dadka markaan arkay silica iyo darxumada ka muuqata,” mar ay shir jaraa’id Nayroobi ku qabatay si ay adduun weynaha u ogeysiiso rafaadka iyo macaluusha meesha ka jirta waa iska ooyday markay xasuusatay darxumadii xanuunka badneyd oo ay soo aragtay, waxay ahayd qof mas’uul ah oo qaran dhan madax u ah. Waxaa kaloo la xusuusan yahay iyana haweeneyda dawladda Ingiriiska u ah wasiirka kaalmada dalalka dibadda u qaabilsan Lindha Jookar markey booqasho ku tagtay magaalada Baydhabo sida la sheegay wiil yar bey labta ku qabatay si ay dhuuni u siiso iyadoo weli dhabteeda ku haysa ayaa naftii ka baxday, markaasey oohin qabsatay waxay tiri, “Wiilkaasi weligey qalbigeyga ka bixi maayo,” halkaas waxaa laga fahmaayaa in haweenku ragga ka naxariis badan yihiin.

[sawir: wiilkiina waakan]

Soomaaliya iyo Dawladda Mareykanka

Markii hawlihii gargaarka dagaaladii qabiil curyaamiyeen, markii burcaddii hubeysneyd raashinkii mucaawinada ahaa ee dadka tabaaleysan loo wadey dhaceen, wixii gargaar ahaa oo waddanka soo gaarana dekeda iyo gegida diyaaradaha u joogsadeen oo la xannibey si baad looga qaado, maraakiibtiina raashinka gargaarkaa sideyna madaafiic lagu ridey oo hawlihii gargaarka oo dhan la is hortaagay, ayaa madaxweynihii hore ee Mareykanku Joorji Buush afartii bishii Nofeembar 1992kii wuxuu go’aan ku gaaray in uu Soomaaliya u diro ciidama Mareykan ah oo tiradoodu dhan tahay soddon kun oo sidii hadalka loo yiri shaqadoodu tahay mid xadidan oo ka kooban gargaarka bani aadanimada sida:

  • in ay nabad geliyaan sahayda gargaarka ee burcaddu caadeysatay in ay dhacaan.
  • in ay sahayda gaarsiiyaan meelaha looga baahan yahay
  • in ay waddooyinka sahayda gargaarka la marinaayo ee mooryaantu jidgooyada ku samaysay banneeyaan.

3/12/1992kii ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ogolaaday in ciidamada Mareykanka dalka Soomaaliya loo diro, taa waxaa barbar socday gurmad caalamiya oo Qaramada Midoobey adduun weynaha ugu baaqeen si masiibada Soomaaliya ku habsatay caalamku wadajir ugu gurmado, ciidamadii Mareykanku horseedka ka ahaana waxaa lagu magacaabay Raja Soo-Celinta Soomaaliya, hawl galkoodiina wuxuu ku salaysnaa laba qodob oo kala ahaa:

  • in ay dadka tabaaleysan ee baahida iyo macaluusha u dhamaanaayey sahayda gaarsiiyaan, iyo
  • in nabad gelyadii, xasiloonidii iyo nidaamkii waddanka ku soo celiyaan.

Maalmihii ciidamada Mareykanku dalka ku soo jeedeen dagaal oogayaashii dagaallada qabiil qaarkood waxay dadka ugu baaqayeen, “Ogaada ciidamadaasi waa gaalo kufaar ah, haddey dalka yimaadaan haybadda diinta Islaamka iyo sharafta Muslimka wax bay u dhimaayaan, dadka caqiidadiisana waa bedelaayaan, caruurtana waa gaaleynaayaan, halaga digtoonaado.”

Haddaba sida runtaa ujeedadoodu ma ahayn in ay diinta Islaamka daafacaayaan ama wax u taraayaan ee dantoodu waxay ahayd in ay dadka baahida iyo macaluusha u tabaaleysan mucaawinada hay’adaha gargaarka iyo dawladaha deeqda bixiyaa u fidiyeen ka dhacaan, waayo? Waxay qabeen dareen ah mar haddii ciidamo xoog lihi dalka yimaadaan in lala dagaalamo oo aanay u suura gelin dhacii iyo boobkey u barteen.

Haddaba maalintii ciidamada Mareykanku xeebta magaalada Xamar ka soo degeen 9/12/1992kii burcadii qoriga u heegeysatay dilka, dhaca iyo boobka gargaarka dadka baahan loo wado cabsi iyo baqdin daraadeed dhulkii baa ku yaraadey, waayo? Waxay la ahayd ciidamadaa sida dafada* loo tababaray in ay sidii coomaadi casaan dhiig leh arkay cirka kaga soo degaayaan, haddii maalintaa ciidamada Mareykanku amar ku bixin lahaayeen in hubka la dhigo oo meelo loo asteeyey ha la geeyo oran lahaayeen, cabsidii laga qabay daraadeed hal qori kama fiigeen.

Ciidamada Mareykanku markey dalka yimaadeen waxay hadalkii u bedeleen, “Waa isticmaar cusub oo Soomaaliya kor degey, waxaa loo dan leeyahay in Soomaaliya gumeysiga cusub dib loogu celiyo, annagu qarannimadayada iyo sharaftayada waa difaaceynaa.” Hadaba aan isweydiine meeday qarannimada iyo sharafta ay difaacaayaan? Raggii hadalladaas shacbiga u sheegaayey waxay ahaayeen madaxda burcadda hubeysan ku adeegta oo u muhanaaya boobkii iyo xoolihii ay dhici jireen, dad badan baa waxay qabeen in hadalkaasi yahay ra’yi gaab ama hadal ujeeda gaar ah leh, in lagu fekero ama lagu doodaana ay miyir la’aan tahay, waayo? Ciidamada sodonka dawladood ka kala socda oo adduunka afartiisa gees: Afrika, Aasiya, Ameerika iyo Orobba ka kala yimi oo aan isku diin, isku af iyo isku dhaqan ahayn oo Muslim iyo Kirishtaanba leh ayaa ku heshiiyey in ay gumeystaan dal sabool ah oo aan wax loogu xisho lahayn oo weliba haatanna burburey wax lagu fekero maaha.

20/12/1992kii waxaa la isweydiinaayaa haddaan ciidamada Mareykanku Soomaaliya imaan lahayn ama muddo dib u dhici lahaayeen, maxaa dhici lahaa? Waxay nala tahay ummaddii ku nooleyd Xamar iyo agagaarkeeda iyo gobolada koonfureed siiba dhulka Labada Webi u dhaxeeya in aan wax ka hareen, waxay noqon lahaayeen in xabbadi dishey iyo in macluul u dhimatay, dhulkaasi maanta wuxuu ahaan lahaa dhul cidla ah oo aan cidi ku nooleyn ama dad yari ku nool yihiin.

Ciidamadii Mareykanka waxaa ku soo biiray ciidama shanta qaaradood ee adduunka ka kala yimi si ay gurmadkaa caalamigaa uga qayb qaataan:

  • Ameerika waxaa ka yimid Mareykanka iyo Kanada,
  • Yurub waxaa ka yimid Faransa, Beljam, Talyaaniga, Jarmalka, Ayrlaan, Noorwey, Iswiidhan, Giriiga iyo Roomaaniya,
  • Aasiya waxaa ka yimid Bakistaan, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Kuweyd, Maleyshiya, Bangaladaash, Kuuriyada Koonfureed, Hindiya, Turkiga iyo Niibaal,
  • Afrika waxaa ka yimid Nayjeeriya, Botuswaana, Simbaabwe, Marooko, Tuuniisiya iyo Masar,
  • Ustaraaliya waxaa ka yimid Ustaraaliya.

Ka dib waxaa la sameeyey gaashaanbuur la magac baxday ciidamadii hawlgalka Soomaaliya u midoobey Yunitaf ama Raja Soo-Celinta Soomaaliya, sidaa awgeed musiibadii Soomaaliya ku habsatay lixaadkeedii markii laga yaabay Qaramada Midoobey mabaadiidii u dhigneyd iyo habkey ku shaqeyn jireen wax baa laga bedelay, maxaa yeelay? Dhibaatada Soomaaliya ka dhacday waxay noqotay mid ugub ah oo aan mid la mid ah horey caalamka loogu arag. Sheeka macquul ah waxaan ku maqlay markii Qaramada Midoobey gurmadka caalamigaa abaabulaayeen dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ka koobnaa 18 gobol waxaa loo qaybshay afar waaxood si hawl galku u fududaado, waxaana la isticmaalay magacya qadiim ah sida:

  • Banaadir oo ka kooban 5 gobol,
  • Jubbalaan oo ka kooban 5 gobol,
  • Soomaalilaan oo ka kooban 5 gobol, iyo
  • Buntilaan oo ka kooban 3 gobol.

Isla markaa hawlgalkii waxaa laga dhigay laba qaybood, qaybta hore waxaa loo qorsheeyey 9ka gobol ee labada waaxood ee hore ku xusan oo dagaaladii si xun u naafeeyeen xaaladooduna aad u liidatay. Si kastaba qorshuhu ha ahaadee, ciidamadii Mareykanku hormuudka u ahaa, Yunitaf, magaala kasta waqtigey gaareen waa sidatan:

  • 9kii bishii Diseembar 1992kii baa kuwii ugu horreeyey xeebta magaalada Muqdisho ka soo degeen.
  • 16kiina kuwii ugu horreeyey waxay gaareen magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo ahayd meeshii xilligaa dalka ugu haliseysnayd uguna dhimashada badnayd.
  • 19kiina waxay tageen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose oo hareeraheeda dagaalo ka socdaan.
  • 20kii waxay gaareen magaalada Jawhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
  • 24kii waxay gaareen magaalada Baardheer ee gobolka Gedo oo sida runtaa Baydhabo la mid ahayd ama ka sii liidatey.
  • 24kii waxay kaloo tageen magaalada Xudur ee gobolka Bakool oo baahi xumi ka jirtey.
  • 28kiina waxay gaareen magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan oo ahaa gobolka bartamaha ugu xiga.
  • 1dii bishii Jannaayo 1993kii waxay tageen magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose oo magaala madaxda u jirta 90 kiilomitir.

1dii bishii Janaayo 1993kii waxaa Soomaaliya kormeer howleed ku tegey madaxweynihii Mareykanka Joorji Buush si uu u soo hubiyo hawlgalka ciidamadii Mareykanka ee Soomaaliya amarkiisa ku tegey kuna hawl galay magaca Raja Soo-Celinta Soomaaliya, hawlgalkooda mar uu madaxweynuhu magaalada Baydhabo kormeer ku tegey hadal gaaban oo uu halkaa ka jeediyey wuxuu ku yiri, “Dawladda Ameerika shacbiga Soomaaliya cidla uga tegi meyso waana dadaalaynaa.” Sidoo kale Biil Kilintoon 20kii bishii Janaayo 1993kii markuu xukunka Buush kala wareegay khudbaddiisii ugu horreysay wuxuu ku yiri, “Soomaaliya Mareykanku ma dayici doono hawsha inta ka laabanna waa dhamaystireynaa.”

Haddaba inkastoo dawlad kastaaba danaheeda iyo maslaxaddeeda gaarka u ah ay eeganayso hadana hadalkaa labada madaxweyne ee Mareykanka ee kala dambeeyey isku raaceen wuxuu leeyahay ahmiyad gaar ah, hase ahaatee wuxuu noqday hadal afka laga sheegay waayo Ameerika Soomaaliya meel cidla ah bey uga tagtay, hadalkii labada madaxweyne taariikhduu galay.

Bishii Jannaayo 1993kii Qaramada Midoobey waxay qaban qaabiyeen shirweyne jabhadaha Soomaalida la isugu keenay sidii dagaalladaa qabaa’ilka dhexdooda ka oogan loo joojin lahaa ka dibna heshiisiin guud loo raadin lahaa, 3dii bishii Janaayo 1993kii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Budrus Qaali wuxuu booqasho gaaban ku tegey Muqdisho isagoo kusii jeeda shirkaa oo lagu qabtay magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Waxaa shirkaa ka soo qayb galay 15ka urur madaxdooda, boqorada qabaa’ilka Soomaalida, cuqaal, aqoonyahanno iyo qaybaha bulshada oo tira badan. Shirkaa waxaa furey guddoomiyena ka ahaa Xoghayaha Guud Budrus Qaali, fagaarahana wuxuu ka jeediyey khudbad ku wajahan danaha Soomaalida iyo sidii dagaalka iyo colaada aan macnaha lahayn loo joojin lahaa, qaranimadii Soomaaliya ee burburtay iyo wadajirkii shacbiga loo raadin lahaa.

Shirkaa ummadda Soomaalida iyo caalamkuba waxa ka soo baxa waxaa loo eegaayey sidii bil Ramadaan, hase ahaatee nasiib darro wax natiijo ah oo wax tar lihi kama soo bixin, xeeldheerayaasha qaarkood waxay ku tilmaameen hal bacaad lagu lisay,* waxaana sabab u ahaa guddoomiyaha isbahaysiga Es.En.Ee Maxamad Faarax Caydiid oo dalbaday in mudnaan dheeraad ah la siiyo isagoo ku dooday in madaxweynihii hore Maxamad Siyaad Barre dalka ka saaray, markii taa laga diidayna wuxuu shirkii ka muujiyey madax adayg, dabadeedna waxaa loo ballamay shir kale 15ka bisha Maarso isla sannadkaas.

*Waxaa yiri barafasoor Siciid Sheekh Samatar.

20kii bishii Febraayo 1993kii oo markii ciidamadii Mareykanku horseedka ka ahaa dalka soo galeen laga joogo 70 maalmood, waxaa safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho lagu qabtay tartan suugaaneed lagu magacaabay Raja Soo-Bandhigidda, waxaa qaban qaabiyey madaxna ka ahaa Wakiilka Gaarkaa ee Mareykanka danjire Roobad Ookli (Robert Oakley), siday nala tahay ujeedada laga lahaa waxay ahayd in lagu maskax baaro suugaanyahannada Soomaalida sidey u arkaan hawlgalka ciidamadii isku bahaystay Raja Soo-Celinta Soomaaliya.

Tartankaa waxaa ka qayb galay suugaanyahanna Soomaaliyeed oo rag iyo haweenba leh, sida gudigii garsoorku sheegay 6 qof baa libin kala laabatay oo rag iyo haween isugu jira, waxaan door bidnay in aan halkaan ku xusno laba gabay oo ay kala mariyeen Cilmi Barrow Jimcaale oo ahaa ninka koowaad iyo Abshir Nuur Faarax Abshir-Bacadle oo ahaa ninkii labaad, labadaa oo tartankii gabay ugu qaatay, mid walba gabaygiisii qaybta ugu muhiimsan haddaan ka soo qaadanno si loo ogaado hogta gabayga iyo hal kudhegyada lagu doortey, Abshir Nuur Faarax Abshir-Bacadle oo ahaa ninkii labaad gabaygiisa waxaa ka mid ahaa:

Wax kuu daran wuxuun baa ka daran doqoni waa mooge
Duruufihii la soo maray qalbigu way danqanayaaye
Dad iyo duunyo wixii dabar go’aan dib u xasuustaaye
Dab waa hurin yaqaaniin jabhado daminse waayeene
Haddeydaan dan gaariyo wadin dabin naloo qoolo
Oo diintayada iyo dhaqankayaga duulaan ku ahaynin
Dabkana nalaga wada ururiyoon qolana loo daynin
Duufaan Madow baad Rajoow naga dul qaadeene
Allay lehe dadaalkaad wadiin waan ku diirsadaye
Dibse waxay ka noqon ma ogi oo Daa’inkaa garane
Dagaalkii ahliga lagama helin dux iyo iidaane
Dabkaan qaadnay qaran buu dunshiyo deris wanaagiiye
Danbar lagama dhamin deeqadii loo dabaal dagaye
Abuurkii dubnaa dalag ma dhalin dixri mooyaane
Dadaalna naguma baaqane guntay naga daloosheene
Dantaa nagu khasbaysee ma rabin ciidan dibadeede
Kuwii diinta nala sheegan jirey baa na daayacaye
Duufaan Madow baad Rajoow naga dul qaadeene
Dalkayaga burburay iyo faqriga nagu dakeynaaya
Deegaanada nabaad guurey iyo dahabka maaroobay
Dilka aan ujeedada lahayn deriska eedoobay
Dab ley dooxataa iyo qabiil laysku dabar gooyey
Dib markaan u eegaba qalbigu way danqanayaaye
Dagaal aan dhamaan waxaa ka roon dawlad jaa’ira’e
Duufaan durcada baad Rajooy naga dul qaadeene.

Cilmi Barrow Jimcaale oo ahaa ninkii koowaad gabaygiisuna aad u dheeraa qaybtaan ka soo qaadanay waxaa ka mid ahaa:

Qasadka Rajada qaranimiyo qaaya nabadeynta
Qorshaad dadaalka u gasheen qodobadii hawsha
Wixii la qablay iyo waxa qaaran iyo waxaan la soo qaadin
Qalad waxaan u fahamnaa jiraye waxa la qoondayey
Inta aan qarsoonayn markii la isku qiimeeyo
Qacda hore cuntada qaybinteed qodobkii koowaad dheh
Qorya qaadka oo weli qabyaa qayb kaloo mudan dheh
Inaad shirar u qaban qaabiseen qaar danbiilaa dheh
Intoodii ka wada qayb gashaan qaaya weyn dhalin dheh
Qodobadii heshiiskoo barkood laysku qaadacay dheh
Iyagoo qir iyo qira inay kala qaloodeen dheh
Qada sharaf kalgacalkii u dhigay inay qasaarsheen dheh
Qaddarkaana hawlaha qabsamay qiil u bixintood dheh
Balse waxa qallooc ila noqdaan qaadan kari waayey
Qalalsiga ku mudan meel markii lagu qubaystaaye
Nimankii qaskiyo hooga iyo qoomamada beeray
Qandaraas qudh gooya ah kuwii qabay dhamaantooda
Qaranima la sheegtiyo kuwii qayrkeen naga reebay
Qatartooda duniduba kuway nagala qiirootay
Qaanuunka nimankii jebshee qoon dhan dhaxaleeyey
Qosol iyo farxadi waa haddaad qaban lahaydeene
Inay weli qadarin sii mutaan sow qarracan maaha?

6dii bishii Maarso 1993kii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey wuxuu Soomaaliya u magacaabay admiraal Jonadan Hoowe oo ahaa badmareen ciidamada Mareykanka ka hawlgabay in uu wakiil ka noqdo hawlgallada Qaramada Midoobay Soomaaliya ka wadaan. Wuxuu bedelay Cismad Kitaani oo Ciraaqi ahaa.

15kii bishii Maarso 1993kii waxaa magaalada Adis Ababa caasimadda Itoobiya ka furmay shirkii 2aad oo dib u heshiisiinta Soomaalida lagu baadi goobaayey, shirkaas oo socday 12 maalmood waa la isku daaley. Duniduna inkastoo ay cadaadis adag saartay, waa ku wareertay, madaxweynaha Itoobiya Meles Sanaawi qayb wayn buu ka qaatay shirkaas.

Taariikhda laguma sheegin muddo 600 oo sano ah mas’uul Itoobiya oo Soomaaliya il raxmad leh ku eega Meles Sanaawi ka hor, madaxweynihii hore ee Itoobiya Mingisto Hayle Maryam intaan xukunka laga qaadin wuxuu ku faanay burburkii Jamhuuriyaddii Soomaaliya, “Cadowgii cadowyada Itoobiya ugu weynaa Soomaaliya waa burburinay, waa kala qaybinay, maanta ka dib ma jiri doonto wax la yiraahdo Soomaaliya.” Hase ahaatee dawladda Itoobiya ee Meles Sanaawi madaxwaynaha ka ahaa waxay si wanaagsan isaga xilsaartay dib u dhisidda dawladda Soomaaliya, iyadoo ka fiirinaysa xagga tolnimada, derisnimada iyo bani aadanimada waxay dadaal badan u gashay sidii Qaramada Midoobey iyo dawladda Maraykanku Soomaaliya u badbaadin lahaayeen, iyagoo ka amba qaadaya talooyinkii gudiga Geeska Afrika.

Haddaba taariikhda laguma hayo mas’uul Itoobiya madax ka noqda oo yiraahda Soomaaliya halkaanaa laga dumin jirey, hase ahaatee, maanta halkaanaa laga dhisaayaa Meles Sanaawi ka hor. Waxaa Adis Ababa lagu gaarey heshiis dhigaya dhowr iyo toban qodob, waxaa ka mid ah:

  • in la dhiso golayaal deegaan oo ka kooban 21 xubnood iyadoo la raacaayo degmooyinkii la aqoonsanaa markii dawladii sharciga ahayd dalka maamulaysey,
  • in la dejiyo dastuur qaran, in la abuuro ciidan booliis oo nabadgelyada ilaaliya iyo garsoor maxkamadeed,
  • marka xigana waa in la dhisaa gole qaran oo ka kooban 74 xubnood oo dalka hogaamiya, taasoo laga amba qaadaayo doorashada guud oo dalka ka dhacda.

Hase ahaatee nasiib darro wuxuu noqday hadal afka laga yiri oo aan waxba ka hirgelin, waayo? Ragga shirkaa ku kulmaayaa waa raggii shalay qarankii Soomaaliya burburiyey, wixii dhibaato ahaa oo waddanka ka dhacayna mas’uulka ka ahaa, hadaba suuragal ma aha kuwii shalay dhibaatada geystay in ay maanta wanaag ka taliyaan.

30kii bishii Abriil waxaa la soo gaba gabeeyey hawlgalkii la magac baxay Isbahaysigii Gargaarka Hawlgalka Soomaaliya u Midoobey, Yunitaf, oo Mareykanku hormuudka ka ahaa kaasoo socday muddo shan bilood ah, hawlgalkii waxaa la wareegay 4tii bishii Meey Yunosom. Hadaba markaan faalla gaaban ka bixino hawlgalkii ciidamada Mareykanku Soomaaliya u yimaadeen oo aan horay u soo xusnay sidee u fuley sideese wax u taray.

Sidaan horey u soo xusnay iyadoo maanka lagu hayo siday xaaladda shacbigii degenaa Muqdisho iyo agagaarkeeda iyo gobolada Labada Webi u dhexeeya ku sugnayd maalintii ciidamada Mareykanku xeebta Muqdisho kasoo degeen ka hor, kaasoo ahaa mid naxdin iyo murugo lahaa, sida dhabtaa haddaan cidi usoo gurman ama hal bil ciidamada Mareykanku dib u dhici lahaayeen waxaa la isweydiinaayaa maxaa dhici lahaa? Waxaa hubaal ah in dadkaa wax yari ka hari lahaayeen.

Hawlgalkii qodobka koowaad oo ahaa in dadka tabaalaysan ee baahida iyo macaluusha u dhimanaaya la badbaadiyo iyo nabad gelinta sahayda gargaarka iyo cunta qaybinta oo socday 5 bilood, waxaa la qiyaasay boqolkiiba-99 in uu hirgalay. Waxaa marag laga yahay muddo bil gudaheed ah ayna dadka gaajadii iyo macaluushii ka baxday, noloshiina ku soo noqotay, mooryaantii dadka dhibtayna kadabkoodii la jaray, dhaqdhaqaaq ganacsi tyo beera falashana la bilaabay.

Haddaba gurmadkii caalamiga ahaa ee lagu magacaabay Ciidamadii Hawlgalka Gargaarka Soomaaliya u Midoobay (Unified Task Force Somalia) ama Raja Soo-Celinta (Operation Restore Hope) oo Mareykanku horseed ka ahaa iyo dawladihii badnaa ee ka qayb galay waxaa lagu tilmaami karaa gurmad xagga Eebbe laga soo diray ummadda Soomaalida ee xabbadda iyo gaajada u dhammaanaya, waxaa habboon in Ilaaha Weyn looga mahad naqo. Qofka Rabbi iyo rag yaqaan wuxuu markhaati ka yahay in sidii xaalada dadku ku noolaa Muqdisho iyo gobolada koonfureed ee Labada Webi u dhexeeya ahayd maalintii ciidamada Maraykanku Muqdisho yimaadeen iyo siday bil ka dib noloshii ugu soo noqotay oo dhibaatadii uga xuubsiibteen, abaal wayn baa Soomaalida loo galay, kuwa wax ka sheeganaayana waa abaal laawayaal, garawshana heli maayaan, kuwii ka soo horjeeday gurmadkii caalamiga ahaa iyo qaaraankii ummadda baahan loo ururiyey waa arrin taariikhda gashay, Soomaaliduna abaalkii loo galay weligeed halmaami mayso.

Hawlgalladii Yunosom-ti 2aad

Waxaan horey u soo sheegnay in hawlgalkii Yunitaf 30kii bishii Abriil 1993kii la soo gaba gabeeyey, 4tii bishii Maajo 1993kii hawlgalkii Soomaaliya ay la wareegeen ciidama lagu magacaabay Raja Sii Wadida Hawlgallada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya “Yunosom-ta 2aad” oo uu ammaanduule ka yahay Janaraal Jawik Bir (Çevik Bir) oo u dhashay Turkiga, si loo fuliyo qodobkii labaad ee ahaa:

In waddanka Soomaaliya nabadgelyadii, xasiloonidii, nidaamkii iyo kala dambayntii loo soo celiyo, loona sii wado gargaarka bani aadanimo.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Budrus Budrus Qaali munaasabaddii Yunitaf iyo Yunosom-ti 2aad hawsha kula kala wareegeen wuxuu ummadda Soomaalida u jeediyey hadal gaaban, wuxuu ku yiri, “Waxaan doonaynaa in aan idiin sheego sida qotada dheer oo aan ugu riyaaqay hawlihii qaayaha lahaa oo ay qabteen hawl-wadeenadeenii Yunitaf sida sugitaanka gargaarka bani aadan ee Soomaaliya oo aan la is hortaagi karin, hawl-wadeenada Yunitaf waxay qabteen arrimaha adeega bulshada sida gargaarka, dhismaha, nabadda, waxay u qalmaan in mahad ballaaran loo naqo, shaqada wanaagsan oo ay qabteen awgeed, haddaad tihiin ummadda Soomaalida waxaad ku guuleysateen soo jiidashada indhaha adduunka iyo sidaad uga jawaabteen hawlihii adkaa ee idinla soo gudboonaadey iyo fursadda lagu dhisaayo Soomaali hagaagsan. Guulihii aad ka gaarteen la shaqaynta Yunitaf ayaa aasaas u ah hawsha ay haatan qabanaayaan Qaramada Midoobey Yunosom-ta 2aad, waxay balan qaadayaan xaqiijinta habka dib u dhiska qaranka loo soo celinaayo si tallaaba toosan oo xilkasnima leh horay loogu qaado, qaar ka mid ahaa hawl wadeenadeenii Yunitaf ayaa haatanna doonaaya in ay ka qayb qaataan dadaalka Yunosom-ta 2aad. Kala guurku wuxuu ahaan doonaa mid aan hakasha lahayn, si buuxdana waa u sii wadi doonaa guushii aad markhaatiga ka ahaydeen bilihii la soo dhaafay, maadaama aan gelayno marxaladaan cusub oo raja buuxda leh, waxaan jeclaan lahaa in aan idiin xaqiijiyo in ay Qaramada Midoobay ummadda Soomaaliyeed caawin doonaan, si nabadda iyo ammaanka lagu soo dabaalo waddankiina sida danqashada leh u daalan. aasaaskana loogu dhigo dib u dhiska iyo dhaqan gelinta.”

Ciidamada Qaramada Midoobey waxaa awood dheeraad ah lagu siiyey Qaraar Lambar 814, beryahaa Wakiilka Gaarkaa ee Qaramada Midoobey wuxuu qorsheynaayey shirweyne dib u heshiisiin ah oo laga amba qaado shirkii bishii Maarso 1993kii lagu qabtay Adis Ababa oo Soomaalida oo dhan la isugu keenay, hase yeeshee markii hawshii lagu dhaqaaqay waxa ka hor yimid mashaakil aan la filayn, waayo? Waxay dareemeen mooyee Caydiid iyo Koloneel Cabdullaahi Yuusuf oo ahaa laba ammaanduule dagaal ayaa waxay abaabuleen shir goboleed lama filaan ah oo aanay cid kala tashan, dadka qaarkiis shirkaa waxay ku tilmaameen in uu yahay fadqalala horseedkeed, shakhsiyaadkii ka qayb galayna waxay ku tilmaameen guul horseed keed, Wakiilkii Gaarka ee Qaramada Midoobey admiraal Joonadan Hoow (Jonathan Howe) shirkaa wuxuu ku tilmaamay in uu carqalad ku yahay hawl gallada ay Qaramada Midoobey wadaan iyo dib u heshiisiinta Soomaalida madaxdooduna xukumi karin.

Indheer garatada badankoodu waxay qabaan dhibaatadii iyo is afgaranwaagii dhacay bishii Juun ilaa Oktoobar 1993kii waxaa sabab u ahaa shir goboleedkaa aan soo xusnay. Khilaafkaana waxaa sabab u ahaa Qaramada Midoobay iyo dawladihii kale ee nabad ilaalinta Soomaaliya u yimid oo aan fahmin ama dareemin in dadkii reer magaalka ahaa dhaqaalaha waddanka lafdhabarta u ahaa iyo dadkii mutacalimiinta ahaa labadiiba wadanka ka carareen ka dibna awoodii gacanta u gashay burcad reer baadiye ah oo hubkii dawladda gacanta u galay oo wax dil, wax dhac iyo wax boob mooyee aan wax kale fahmayn.

Shantii bishii Juun 1993kii waxaa dhacday in dablayda Es.En.Ee bareer u dileen 24 askari oo Bakistaan ah oo ciidamada Yunosom-ti 2aad ka mid ahaa oo sida la sheegay raashin dad u qaybinaayey. Taasi Qaramada Midoobey waxay ku ridday naxdin iyo waji gabax. Golaha Ammaanku wuxuu soo saaray Qaraar Lambar 837 oo amraaya in la ciqaabo eedeysanayaashii dilkaa geystey, iyadoo qaraarkaa la fulinaayo 12kii iyo 13kii bishii Juun qayba ciidamada Qaramada Midoobay ka tirsanaa oo Maraykanku ammaanduule ka yahay waxay qaadeen tallaabo aargudasho ah, waxay burburiyeen xaruntii Es.En.Ee iyo goobo kale oo muhiim u ahaa. Ciidamada Yunosom-ta 2aad waxay ahaayeen ciidama kala daadsan oo aan nidaam iyo hab milatari oo isku xiran lahayn.

Nasiib darro waxaa bilowday qalalaase iyo dagaallo gargaarkii joojiyey, durbadiiba waxaa soo if baxay khilaaf siyaasadeed oo dhex maray dawladihii nabad-ilaalinta Soomaaliya u yimid qaarkood siiba Talyaaniga oo si bareer ah u diiday in Caydiid iyo taageerayaashiisa xoog lagu muquuniyo, wuxuuna ku hanjabay in uu ciidamadiisa Soomaaliya ka saaraayo markii 3 askari laga dilay, dabadeedna khilaafkii Talyaaniga iyo Qaramada Midoobay u dhaxeeyey waa sii kordhay markii taliyihii ciidamada Talyaanigu diiday in uu ka amar qaato taliyaha guud ee ciidamada Qaramada Midoobey, ka dibna wuxuu goostay in uu ciidamadiisa Muqdisho ka saaro. Dad badan oo Soomaali ahaa ayaa khilaafkaa Talyaaniga ku farxay, waayo? Waxaa lagu tuhmaayey in uu hortaagan yahay hawlgalladii Qaramada Midoobey Soomaalidana iska horkeenay.

Sideedana waxaa jirey fikrada kala duwan oo ay kala qabeen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Budrus Qaali, Mareykanka iyo dawlada reer Yurub ah sida Talyaaniga, Faransiiska iyo Jarmalka, waayo? Dawlad waliba waxay eeganaysay siyaasaddeeda iyo danaheeda gaarkaa.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu qabay fikrad ah in Qaramada Midoobay si ku meel gaar ah maamulka waddanka Soomaaliya ula wareegaan mar haddaan wax dawlad ahi meesha ka jirin iyadoo la raacaayo habkii Kaamboodiya lagu maamulay, fidmad abuurayaasha dagaalada hurinaayana daaqadda laga saaro. Haddii Qaramada Midoobay arrinta Soomaaliya gacanta ku qaban lahayd siduu dhigaayo qodobka 78aad ee Xeerka Qaramada Midoobay waxay noqon lahayd guul, waayo? Golaha Ammaanka waxaa u bannaanaa in ay si toos ah gacanta ugu qabtaan maamulka Soomaaliya, maxaa wacay? Wax dawlad ahi Soomaaliya kama jirin dawladna ma lahayn tan iyo bishii Jannaayo 1991kii.

Sida warar lagu kalsoon yahay sheegeen Qaramada Midoobey iyo Mareykanku 1993kii waxay daydeyaayeen nin dhammaan Soomaalidu u soo joogsan karto oo madaxweyne u noqda kaana waa la waayey.

Bishii Juun 1993kii shir sanadeedkii dawladaha ururka Midowga Afrika Oo.Ee.Yuu (OAU) oo lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Budrus Qaali hadal uu shirkaa ka jeediyey wuxuu ku sheegay, “Hawlgalka Qaramada Midoobey Soomaaliya ka wadaan waa kii ugu baaxadda waynaa hawlgal ay Qaramada Midoobey ka qabtaan adduun weynaha, tan iyo markii la aasaasay.”

Mareykanku wuxuu doonaayey in uu keli ahaantiis dhibaatada Soomaaliya ka jirta xilkeeda dusha u rito si uu magac ugu helo, sidaa awgeed ayaa madaxweynihii hore ee Maraykanku Joorji Buush (George Bush) isagoo aan dawladaha kale kala tashan ciidama soddon kun gaaraaya Soomaaliya u diray mana doonayn in hawsha cid kale la maamusho, hase ahaatee Biil Kilintoon (Bill Clinton) oo ahaa nin dhallinyara ah iyo Qaramada Midoobay oo aan markii hore wax daraasaad ah samayn ayaa siyaasaddii Buush khalkhal geliyey.

Dawladaha Talyaanigu hormuudka u ahaana sida Faransiiska iyo Jarmalka ujeedadoodu waxay ahayd in ay siyaasadda Maraykanka carqaladeeyaan si aanu Soomaaliya ugu keliyeysan, waayo? Waxay ku taliyeen in la raaco hab ka debecsan kan lagu dhaqmaayo, in wadanka lagu soo dabaalo siyaasad qabow iyo boqorada iyo odoyaasha qabaa’ilka talada laga qayb geliyo.* Dhanka kale Talyaanigu wuxuu isu arkaayey in uu arrimaha Soomaaliya dawladaha kale uga aqoon badan yahay, sidaa awgeed wuxuu doonaayey in isaga hawlaha Soomaaliya lagala tashado, hase ahaatee Soomaalidu aqoon sheegadkaa waxay u arkaayeen hab dhaqankii gumaysigii hore.

Ciqaabtii lagu xusay Qaraarkii Lambar 837 wuxuu u muuqday xasuuqa taageerayaasha Es.En.Ee markii la amray in Caydiid oo magaciisa warbaahinta caalamku aad u buunbuunisay in la soo xiro, eedeysanayaashana maxkamad la keeno, hase yeeshee Qaramada Midoobey waa ku guuldarreysteen qabashadii Caydiid taasoo gaarsiisey dhaawac weyn.

11kii bishii Luulyo ciidamadii Maraykanka ee Qaramada Midoobey waxay burburiyeen guri weyn oo ay ku shiraayeen golihii dhexe iyo madaxdii sare ee ururka Es.En.Ee, waxaa dhismahaa ku dhintay 74 qof oo ahaa gargayrtii isbahaysigaas, hase ahaatee goobtii ugu xumayd waxay dhacday 3dii bishii Oktoobar 1993kii, waxaa maalintaa ia dilay 18 askari oo Maraykan ah iyo 370 Soomaali ah oo haween iyo carruuri ku jiraan dhaawucuna waa tira beelay, rag madax sare ahaana waa la xiray. Maalmahaa diyaaradaha Maraykanka oo watay magaca Qaramada Midoobey magaalada Muqdisho waa harayeen goodi iyo cabsi gelin awgeed dadka ka soo horjeedey. Waxaa lala yaabay raxmad la’aanta aan dareenka lahayn ee Caydiid iyo la-taliyayaashiisa oo dadkoodii ku dhamaanaayo dagaal aan macna lahayn iyo mustaqbal dambe midna iyo tixgelin la’aanta ay u hayaan Qaramada Midoobey iyo is hortaaga hawlgallada caalamigaa ee Yunosom-ta 2aad ay dalka ka wadaan. Hase ahaatee nin waliba isagaa dantiisa kaa og. Sidoo kale waxaa lala yaabay hawlgallada Qaramada Midoobey oo aan ku salaysnayn qorsha cilmiyeysan iyo nidaam habaysan, qaabka iyo dhismaha ciidamada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya joogaa wuxuu ahaa mid kala daadsan oo aan isku xirnayn, waayo? Saraakiisha qaybaha talisyada ciidamada dalalka kala duwan waxay ka amar qaadanaayeen dawladahooda, taasina waa tan keentay khalkhalka iyo is maandhaafka dawladihii nabad ilaalinta Soomaaliya u yimid iyo fashilaadda ku dhacday hawl galkii Qaramada Midoobey, waayo? Markii hore looma samayn qorsha tafaftiran, waxaa hawsha lagu maamulay hab meletari iyo siyaasad aan xasiloonayn.

Bishii Sebtembar baarlamaanka Mareykanka waxaa ka bilaabatay dood kulul oo Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo gilgishay oo ku saabsan sababta ciidamada Maraykanku ugu dhimanaayaan Soomaaliya oo aan nabadi ka jirin, taasina waxay keentay in madaxweynaha Mareykanka Biil Kilintoon 9kii bishii Oktoobar 1993kii ku dhawaaqay in dawladda Mareykanku is bedel ku samaysay siyaasaddii ku wajahnayd Soomaaliya, isagoo u magacaabay danjire khabiir ku ah arrimaha Soomaaliya iyo wakiil gaar ah. Ugaarsigii Caydiid iyo weeraradii taageerayaashiisa lagu hayeyna waa la joojiyey, hase ahaatee waxaa Muqdisho la keenay ciidama Mareykan ah oo gaaraaya todobo kun iyo laba boqol oo sida la sheegay loo keenay in ay danaha Mareykanka ilaaliyaan oo keliya haddii la soo weeraro.

15kii bishii Oktoobar 1993kii Aqalka Cad ee Mareykanka waxaa ka soo baxay go’aan lagu sheegay in Golaha Senetarisku go’aamiyeen in Mareykanku ciidamadiisa oo dhan Soomaaliya ka soo saaro 3dii bishii Maarso 1994ka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Budrus Qaali wuxuu ku dadaalay in uu madaxweynaha Mareykanka Biil Kilintoon ku qanciyo in aan Soomaaliya meel cidlaa lagaga tegin, wuxuu marar badan ku celceliyey, “In shacbiga Soomaaliya doonaayo in Qaramada Midoobey Soomaaliya sii joogaan markii laga reebo koox burcad ah.”

Dalalka reer Yurub qaarkood sida Beljam, Faransiiska, Talyaaniga iyo Jarmalka waxay sheegeen in ay iyaguna ciidamadooda kala bixi doonaan Soomaaliya ugu dambeyn bisha Maarso 1994ka iyadoo dhibaatada heerkeedii taagan tahay oo aan wax is bedel jirin. 23kii bishii Oktoobar 1993kii waxaa magaalada Muqdisho kormeer hawleed ku tegay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Budrus Qaali, waa markii labaad ee uu booqasho ku tago Soomaaliya sanad gudihii. Wuxuu warbixin ka dhegeystey saraakiisha iyo hawlwadeenada Yunosom-ti 2aad ka dibna wuxuu u duulay magaalada Baydhabo oo ahayd magaaladii ugu dhimashada badneyd gobolada koonfureed si uu indhihiisa ugu arko sida dadka deegaanka noloshii ugu soo noqotay.

30kii bishaas Oktoobar isla sanadkaas Golaha Ammaanku wuxuu soo saaray Qaraar Lambar 878 oo muddada lagu kordhiyey sii joogidda ciidamada Qaramada Midoobey Yunosom-ta 2aad oo bishii Maajo hawl galka kala wareegay ciidamadii waddamada badan ka socday ee Mareykanku horseedka ka ahaa ee Yunitaf. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Budrus Qaali wuxuu marar badan ku celceliyey oo adduunweynaha ka codsaday, “In aan beesha caalamku Soomaaliya illaawin oo meel cidla ah kaga tegin, waayo? Shacbiga Soomaaliya badankiisu wuxuu doonaayaa in ciidamada jamciyadda Qaramada Midoobey ka socdaa dalka sii joogaan dadkana wax u qabtaan inta ay lugahooda dib isugu taagaayaan hawlaha gargaarka aadamiga la sii wado inta dalku dhibaatada ka soo kabanaayo.”

Afartii sano ee la soo dhaafay, 1991kii ilaa 1994kii wixii Soomaaliya ka dhacay iyo hawlaha caalamku ka qabtey afka lagama sheegi karo, qalinna laguma koobi karo, waayo? Waa baaxad weynaayeen hase yeeshee faraskayagii halkaasuu istaagey.

Guud ahaan lama oran karo Qaramada Midoobey Soomaaliya waxba kama qaban, taa doodi kama taagna in ay dhinacya badan wax ka qabteen, hawlgalkii lagu magacaabay Raja Soo-Celinta Soomaaliya si wanaagsan buu u meel maray. Halgankii Raja Sii Wadidda ee Yunosom-ta 2aad in kastoo carqalada ka horyimaadeen si wacan buu u hirgalay, hase ahaatee waxaa jirey khaladaad maamul xuma daraadeed Soomaalidu farta ku fiiqeysay iyo dhaliilo loo soo jeediyey, waxaa ka mid ahaa:

  • Qaramada Midoobey waxay shaqadoodii ku koobeen Muqdisho iyo gobolada ku xeeran dalka intiisa kalena waa illaaween.
  • gobolada aan Qaramada Midoobey tegin waxaa ka jira nabad iyo is maamul goboleed, gobolada ay joogaanna qas iyo dagaallo ayaa ka jira, yaa ka dambeeyey?
  • Qaramada Midoobey waxay tixgeliyeen dagaal oogayaashii qaranka Soomaaliya baabi’iyey, waxay ka gaabsadeen garwadeenkii iyo guurtidii bulshada hagi jirtey culima iyo caamaba.

Sidee Qarannimadii Soomaaliya Kusoo Noqon Kartaa?

1988kii Soomaaliya waxay u muuqatay ummad wadajirkeedii kala daadanaayo oo haadaan ku sii socota, waxay madaxa la gashay kala qaybsanaan iyo qabiil qabiil, niyad-jabkii iyo guuldarradii lagala kulmay dagaalkii lagu qaaday gobolada Soomaali Galbeed ee bariga Itoobiya dartiis iyo dhibaatada ka dhalatay afgembigii fashilmay durbadiiba waxaa si xun u dhaawacmay wadajirkii iyo isbahaysigii shacbiga, waxaa abuurmay mucaarid qabiil ku salaysan oo dawladda Siyaad Barre ha la rido mooyee aan hadaf kale iyo ujeeda lahayn; qabyaalad qayaxan iyo qaraaba-kiil, eex, musuqmaasuq, shaqa nacayb, hawl curyaamin, xadid, hunguri xumo iyo in dad badani waddanka dibadda uga baxsadaan, arrimahaasi waxay keeneen khalkhal iyo haybaddii dawladda oo si fudud hoos ugu dhacday.

Mashaakilkaas dalka soo food saaray shisheeye iyo sokeeye cidina wax kama qaban karin, waayo? Dawladdii Kacaanka ee keligii taliska ahayd ayaa awooda gacanta ku haysay, kooxa la yaqaan oo dawladdu dirsatay mooyee cid kale oo siyaasad ka hadli kartaa ma jirin, mashaqadaasi maalinba heerey joogtaba muddo dheer bey soo jiitamaysey Kacaankuna gaashaanka u dhigay.

Bishii Janaayo 1991kii markii awooddii dawladdu burburtay qofkii daacad ahaa oo niyad sami qabay ama caadifad qabiil ka fiyoobaa ama in yar oo waddaninimo ah ay ku jirtey waddadu waa u furnayd, haddii maalintaa waxgaradku is xilqaamaan oo si daacad ah talada ugu guntadaan waxaa hubaal ah in xaaladdu sidaa dhaami lahayd wax badanna la daba qaban lahaa, hase ahaatee waxaa soo ifbaxay is tixgelin la’aan iyo awood kala jiidasho dhexmartay madaxdii qabaa’ilkii ku midaysnaa ururka Yuu.Es.Sii oo ku heshiin waayey kursi madaxtooyada iyo maamulkii guud cid kalena meesha ka saaray.

Nasiibdarro iyo ayaan xumo waxaa noqday ummad sodon sano dawlad soo ahayd oo culimadii, caaqiliintii, aqoonyahankii, siyaasiyiintii iyo indheergaradkii ay wada joogaan oo markii waddankii qas iyo qalalaase iyo dagaalla qabiil ka qarxeen, wax is xilqaama iyo wax is dhaama oo yiraahda aan dhibaatadaan ka hortagno la waayey, ummaddaa maxaa lagu tilmaami karaa? Beryahaas waxaa la isweydiinaayey aaway madaxdii, guurtidii garashada loo ogaa, maxay dabkaan ololaaya uga hortagi waayeen? Hase yeeshee guurti iyo waxgarad ka hortaga waa la waayey, aqoonyahanna kaalintiisii waa gabay, siyaasina waa ka gaabsaday, waayo? Reer baadiya dhega la’ oo xabbad la ordaaya ayaa reer magaalkii afgembiyey.

Ummadda Soomaalida maanta ka hor waxaa lagu tilmaami jirey ummad wax garad ah, xishood badan, geesinima leh, diinteeda iyo hiddaheeda iyo dhaqankoodu ka reebo waxa xun, diimaha iyo qawaaniinta aad u xurmaysa, hase ahaatee qarnigaan 20aad dabayaaqadiisa waxaa soo ifbaxay fikrado sidii loo haystey burinaaya, Soomaalidu qarnigaan waxay ku sagootidey ceeb iyo qoomamo. Markaad eegto sida loo taageeray dagaal oogayaashii xukun-doonka ahaa waxaad mooddaa in Soomaalida maankii iyo maskaxdii qabiilkii iyo qaadkii ka xadeen, waxaad mooddaa in shaydaan mara madow oo qabiil huwani ku adeegtey, iyagoo maslaxaddii guud ka door bidey maslaxaddooda gaar ahaaneed, waxaa caddaan ah in jaahilnimo, qabiil iyo xukun-doon daraadood waddadii toosnayd laga anbaday oo baaxad soore lagu halaagmey, la qaadey, dhab ahaantii ma jirto wax lagu tilmaami karo ama lagu cabbiri karo marin habowgii iyo tala xumadii dhacday. Hadaba waxaa habboon in Soomaalidu dib u xasuusato masiibadii ku habsatey xanuunkeedii.

  • Waa in lagu waaya aragnimo qaataa hooggii iyo halaagii la soo maray.
  • Waa in la qiraa jahliga iyo aqoondarrada madaxda Soomaalida daboolay.
  • Waa in aan yeelanaa geesinimo aan runta iyo xaqiiqada jirta ku qiranno.
  • Waa in lagu waaya aragnima qaataa khasaarihii laga dhaxlay tala xumadii iyo marin habowgii qabyaaladeed iyo ayaandarrada Soomaalida saamaysay oo heerka xun gaarsiisey.
  • Waa in lagu xisaabtamaa waayaha adduunka iyo isbedellada khariidada juqraafiga caalamka,
  • Waa in la qiimeeyaa meeshey Soomaaliya qarnigaan 20aad dabayaaqadiisa adduunka ka taagan tahay iyo meeshey shalay mareysey.
  • Waa in aan hagagga, muranka, asraartanka iyo hadal hadal-ku-taagga la iska dhaafaa.
  • Waa in la ogaadaa in aan maanta caalamku Soomaaliya wax dan ah ka lahayn, waayo? Soomaaliya maanta kuma taal gobolkii istaraatiijiga ahaa oo reer Galbeedka iyo reer Barigu ku tartami jireen iyo marinkii halbowlaha ahaa oo ay shalay ku oolli jirtey, taa macnaheedu waxaa weeye Soomaaliya waa weyday ahmiyaddii istaraatiijiyadeed oo ay adduunka ku lahayd markii Dagaalkii Qaboobaa socday.

Dhinaca kale haddii laga eego Soomaaliya adduunka waxba kuma kordhiso adduunkuna danihiisuu fiirsanaayaa, Soomaaliya waa dal sabool ah oo aqoontiisa cilmi iyo dhaqaalihiisu aad u liitaan, haddana dhanka kale waa waddan hodan ku ah khayraadka dhulka iyo khayraadka badda oo mustaqbal lagu hirto leh, hase ahaatee awood dhaqaale iyo aqoon cilmi oo Soomaalidu ay kaga faa’iidaysato ma laha, haddayaan dawladaha horey u maray kaalmo daacad ah laga helin, haddaba mar haddaan Soomaaliya adduunka wax faa’iido ah u lahayn xag siyaasadeed iyo xag dhaqaale, caalamku waa ka maarmaa, hase yeeshee Soomaalidu maalin gelinkeed kama maaranto.

Waddama badan oo adduun weynaha ka mid ah oo Afrika iyo Aasiya leh ayaa qarnigaan 20aad dabayaaqadiisa qalalaase dagaal ka qarxeen kuwaasoo u horseeday burbur qaran iyo baaba’ dhaqaale, hase ahaatee tii Soomaaliya ka dhacday mid ka culus ama ka daran lama sheegin, waayo? Waxay noqotay midda kaliya oo lagu halqabsado marka dhacdo halis ah (khatar ah) laga hadlaayo, nasiib xumo iyo ayaan darro waxay noqotay laga soo bilaabo bishii Luulyo 1991kii ilaa 1994kii waxaa la qabtay shirar dhowr ah iyo kulamo badan oo lagu magacaabay dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, bishii Luulyo 1991kii waxaa shir lagu qabtay Jabuuti magaala madaxda Jamhuuriyadda Jabuuti, bishii Janaayo 1993kii waxaa shir lagu qabtay Adis Ababa magaala madaxda Jamhuuriyada Itoobiya, bishii Maarso 1993kii waxaa shir lagu qabtay Adis Ababa magaala madaxda Jamhuuriyadda Itoobiya, bishii Maarso 1994kii waxaa shir lagu qabtay Adis Ababa magaala madaxda Jamhuuriyadda Itoobiya, bishii Maarso 1994kii waxaa shir lagu qabtay Nayroobi, magaala madaxda Keenya.

Shantaa shir oo mid walba ay ku kulmeen madaxda jabhadaha, salaadiinta qabaa’ilka, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo guurti, Qaramada Midoobey iyo dawlada kale oo taageeraayey, nasiib darro wax aqbal iyo heshiis ah oo shirarkaa lagu gaaray ma jiraan, wax natiija ah oo kasoo baxdayna lama hayo. Hadaba maxaan oran karnaa, maxaanse shirarkaa ku tilmaami karnaa? Ma waxaan oran karnaa waxaa hortaagan nin aan heshiiska iyo nabadda dani ugu jirin, mise waxaa hortaagan nin xukun-doon ah, oo ku fekeraaya hadaanan anigu madax noqon, nabad iyo heshiis midna ma jiro, mise waxaa hortaagan dawlado shisheeye oo aan doonayn in Soomaaliya nabadi ka dhacdo? Waa su’aal qof kasta oo Soomaali ah waddaniya hor taal.

Haddaba taladu maalinba heer bay joogtaa, waayadaan dambe waxaa la is-weydiinaayey su’aalaha ah:* sidee ummadda Soomaaliyeed oo shalay isku midka ahayd, maantay iyadoo isku mid ah loo heli karaa? Sideese dawladdii duntay loo soo yagleel celin karaa? Inteynaan su’aalahaas jawaabtooda u gudbin, waa in aan xasuusannaa in Soomaalidu leedahay afar cadow oo kala daran oo aan shacbiga naf iyo nolol iyo nabadgelyo iyo midnimo midna u ogolayn, afartaa cadow haddaan Ilaaha awooda lihi ka qaban la fili maayo in Soomaaliya nabadi ka dhacdo Soomaaliya oo Soomaaliyana la arko, aan kuu kala asteeyo afartaa cadow waxaan filaayaa in aad nala garataane:

Cadowga Koowaad

Sidaan meela badan ku soo xusnay, cadowga koowaad oo Soomaali boqon gooyey waa qabiil ay hor socdaan odayaal jaahil ah oo isku magacaabay nabad-doon danaha qabaa’ilka ka shaqeynaaya, oo raacaaya waddada gumaysigu jeexay, hase ahaatee nabad-doon maaha ee waa bela-doon aan dal iyo dad iyo dan guud midna aqoon oo hadba dawladdii joogta iyo kooxaha xukun-doonka ahi ku adeegtaan.

Waayadaan dambe qabiilku wuxuu noqday xeeladda keliya ee loo adeegsado habka iyo siyaasadda iyo danaha gaarkaa, qabiilku waa kii ummadda isku gubay ee keenay in wiil iyo abtigiis is dilaan ama is dooxaan, labadii isu seediga ahaydna is toogtaan. Qabiilku waa habkey maata dooxyadii dagaalka ku abaabuleen, iyagoo ku magacaabay jabhad saddex xaraf ku dhisan kuna dagaal geliyey.

Qabiilku waa habkey dadka ku kala sooceen kuna xasuuqeen, dalkana ku burburiyeen, iyagoo aad moodid in ay la dagaalamaayaan cadow shisheeye ah, iyagoo maskaxdooda iyo maankooda ay ka maqan tahay dadka ay xasuuqaayaan in ay yihiin dadkoodii, dalka ay burburinaayaanna yahay dalkoodii, iyagoo cabsi Eebbe iyo xishood aadane qalbigoodu ka maran yahay ayey wax kasta colaad qabiil cagta u mariyeen.

Cadowga Labaad

Waa dawladaha hab-gumaysiga ku ilbaxay ee reer Galbeedka oo tan iyo heshiiskii Barliin 1884kii ummadda Soomaalida ku hayey hagardaamo, lugooyo iyo iyagoo u kala qaybiyey shan qaybood oo qayb walba meel ku qoqobay oo aan marna arrimaha Soomaaliya faraha kala bixin, waayadaan dambe waxay shaqo ka dhigteen Soomaalida, kala shaxeexid iyo kala dillaalid si ayaan Soomaalidu weligeed u midoobin ama horey ugu marin, iyagoo u sii maraaya qabiil iyo Soomaali xume danayste ah oo garashadiisu hooseyso, burburkii qarankii Soomaalida ku dhacay iyo dumintii dawladdii Kacaanka la baxday qayb weyn bay reer Galbeedku ka qaateen, sidaan ku soo xusnay fasalka Hawlgalladii Lagu Dumiyey Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Cadowga Seddexaad

Waa kooxaha xukun-doonka ah oo had iyo jeer iyagu isu caleema saara in ay yihiin siyaasiyiin dadka wakiil ka ah, hase yeeshee mid waliba doonaayo in uu helo jago iyo awood uu wax ku boobo, badankoodu waa askar tababar ku soo qaatay tabihii gumaysiga iyo xukunkii Siyaad Barre oo markii dawladdii dhacday fursad u helay in ay yeeshaan magaca iyo awooda ay burcadda ku hoggaaminaayaan. Soomaalidiina u kala saareen qabiil qabiil iyo reel reer. Had iyo jeer waxay ku hawlan yihiin abaabul qabiil oo magac jabhadeed lagu cilmiyeeyey, iyagoo ujeedadu tahay madax jacayl iyo kursi-doon.

Cadawga Afraad

Waa ganacsatada maalqabeenka ku noqday xoolaha ummadda, iimaankiina dabaysha ka raacay oo xaaraanta iyo xalaasha aan kala aqoon ribix toban jibaar dulsaar ah ku dhaqma, ummaddana cunaha qabtay, dantooda mooyee aan dan kale aqoon, dadkana aan nolol u ogolayn, habeen iyo maalin u heegan in ay wixii dhaqaale ah oo waddanka soo gala afka u dhigtaan, dagaalladii, macaluushii iyo gaajadii geyiga Soomaaliya ka dhacday qayb wayn bay ganacsatadu ku lahaayeen, waayo? Waxay heshiis la ahaayeen dhufaysna u noqdeen burcaddii raashinka gargaarka dhacaayey iyo kuwii bililiqada u tafa xaydnaa oo waxay labadaa qolo soo dhacaan ama soo bililiqeystaan ka iibsadaan, dagaal oogayaasha iyagaa maalgelinaayey kharashka iyo taakulaynta dagaalada qabiilna bixinaayey.

Haddaba su’aashii ahayd sidee ummaddii Soomaaliyeed ee shalay isku duubnayd oo maanta kala tolowdey iyadoo isku mid ah loo heli karaa? Sidee dawladdii duntey mar labaad loo yagleeli karaa? Sidey nala tahay heshiis iyo is afgarad iyo is aamin la isku raacaa wuxuu iman karaa markii nabadgelyo iyo degenaan la helo, waayo? Nolosha aasaaskeedu waa nabada iyo xasiloonida, hase yeeshee nabad run ah, midnimo iyo wadajir waxaa la heli karaa markii diinta Islaamka loo noqdo oo wax walba diinta sal looga dhigo.

Khubarada dhaqanka Soomaalida waaya aragga ku ahi waxay leeyihiin, nabad waarta waxaa la helaayaa maalinta qabiil, qori iyo qaad Soomaaliya dhexdeeda laga waayo, waa saddex cudur oo nolosha halis ku ah, haddaan qabiil la jirid goyn, qorina la raad goobin, qaadna waddanka laga reebin, nabad Soomaaliya ka dhacda iyo dawlad Soomaaliyeed oo meel mar noqota waa in laga raja dhigaa. Aan marag u soo qaadanno gabay la magac baxay Astaan Qaran oo uu tiriyey Cabdulle Raage Taraawiil oo tilmaamay waddada qarannimada iyo dawlad lagu hanan karo, gabaygiina waa kan, wuxuu yiri:

Asluub iyo haddaan sharafi jirin aaminna xumaaday
Aadaabtiyo xishoodkii haddii laga ugaaroobay
Haddaan ammaanadii dhacnay iyo maqadi ooyeysey
Aargoosi reer hebel haddii laysu aaneeyey
Ee ruuxaan eed gelin rasaas lagu asqeysiiyey
Af dabadeed ninkaan wadan haddii aqalka loo dhaafay
Afadiyo haddii laysu maray inan wuxuu joogay
Waanadii akhyaartiyo wacdigey culimadii oogtay
Ilaahay xaquu faray haddii la agmaray dhaaftay
Oo ay xaqiiqadii ankirtaye ku addimay beenti
Maxaan gabayga uga oomayaa ma aqbalayaane

Istiqfaar iyo toobo iyo baryaan ku Alla tuugayno
Haddaanaan calaacala addoon Eebbe la horjoogsan
Iney samadu naga awdantaa waa abaal marine
Abaar iyo haddey col kulmaan yaw arxami doona
Nebi malag akhbaar sida Rabbigey uga imaanaayo
Haddaanaan arkayn oo waxyigii waa hore idlaaday
Annaguba khaliifyadii arlada loo amraan nahaye
Ilaahow wixii noo ekaa aanan aqaan waynin
Inkaar qabe muraadle si kale wax u ataagaaya
U adeegayaasha u dirtoo ubadka sheydaana
Allaalaxa asbaarada dhigtoon rogey adduunkiiye
Aarti faayfkii layskula asbaxay eel xun nagu reebye
Naf Islaama ruuxii u galay ulakac dhiigeeda
Iyo kii abaabulayna sow ehelu-Naar maaha?

Agoon aabayaashood la dilay aara mariin Keenyaa
Umulahaad asayda u xirteen aamus laga waaye
Islaannimadiyo diintiyo aarga muuqooda
Af-Soomaali iyo xeer miyigii dhaqan asluubeedkii
Inna dadaan ku kala leexanayn maamulka adduunka
Oo waliba sidaan ognahay oday carruurtiiya
Ayaad ficil anaaniga ah iyo eed dhexmariseene
Aqribiyo haddii rixin la jaray ehel xiriirkiisa
Oo aakiyo faal bamba leh xaalki ku ekaaday
Ee aan ikhyaar iyo waxgarad noo arriminaynin
Oo aabbe iyo hooya dile amar na siinaayo
Waxa irridda laga taagan yahay ololkii Naareede
Rabbi inuu qubuuraha engegay boorka ka afuufyo
Iimaankana usoo cesheya daacaddii Islaamka
Innagoo addoonnimo niya ah ku Alla tuugeyno
Qorraxda ha lays tubo sidii ubadkii roobdoonta

Uur iyo af kala duwan barkeen yaanu la imaanin
Ilaahay khatala yey na gelin waa na aragyaaye
Albaabkii nasrigu inuu furmaan aad u filayaaye
Fikrad urursan tala loo egyahay edeb la dhowraayo
Eex li’i gar lagu qaadada iyo waajib la adkeeyo
Sama iyo xishood baratikool lagu asluubeeyey
Haddaanan is maqalkiyo xishmadi la inkirino laaban
Wixii nagu egoo dhiba haddaan la is illowsiinin
Haddaanan awooda isu gayn Eebbena xasuusan
Isku duubni hawl qaran haddaan loo addima xaydan
Adeega iyo haddaan talada guud aaminku israacin
Adagaa ummuuruhu siday ku ansaxayaane

Astaan qaran midnimo waa inay ka amba qaadaaye
Asbaab dawladeed waa shacbiga urursanaantiisa
Israac waxaad ku weydeen khilaaf ku arki maysaane
Gobanimo sifaha loo unko ee lagu adkeeyaaye
Isaaq iyo Hawiye ma aha iyo Irir iyo Daaroode
Aqoonyahanka wax u soo bartaye oogaha taariikhda
Odayaasha xeerbeegtiga ee ka arinshay geedka
Kan abuurka beeraha xilliga aad u garanaaya
Agaasimaha xoolaha jira ee lagu ammaanaayo
Waa inay afkaar iyo xikmado kala amaahdaan
Akhris kii ku roon iyo midkey orod bidaayaanba
Ujeedadu Alliyo hortii waa inay ahaataaye
Istaatistikada tirada guud xoogaga adduunka
Kan Ameerika sida la yiri ugu awood wayne
Kontonkaa isteyd qaybinta ay dhib u arkaayaane
Afartaan malyani doonayaan wayla amakaage!

[sawir: Cabdulle Raage]

Gabaygaan Cabdulle Raage waxaa ku lifaaqan guurowga Abgaalku hiddaha u leeyihiin oo gabaygaa la macna ah ama ka qiima badan.

Dagaaladii qabiil iyo jaahwareerkii ku dhacay, dilkii faraha badnaa, [] iyo xaaraantii sida malabka looga dhergey Soomaalida badankeeda qalbigi [] daxalaystey, maskaxdiina baa doorsoontay, miyirkii baa ka tegey, waa la [] beelay, waxaad mooddaa in dadku dhoohan yahay, si wax loogu sheegaa ama [] looga dhaadhiciyaa waa adag tahay, hase ahaatee waxaa la yiri, “Geel [] lagagama haro.”

  • Waa in lagu dadaalaa miyi iyo magaalaba sidii shacbigaan beloobey [] dhaadhicin lahaa in Ilaah loo noqdo oo la toobad keeno si is-aamin iyo is [] loo helo, sidii nabad loo dhex dhigi lahaa.
  • Marka hore waa in la bilaabaa sidii loola tacaali lahaa baahida iyo nol[] bulshada ee burburtay iyo dhaqaalihii baaba’ay, waayo? Nin baahani wax [] maqlo, taasina waxay ku imaan kartaa markii runta la isu sheego oo wax wa [] daacad ah looga shaqeeyo, wixii lagu heshiiyana si dhab ah loo fuliyo.
  • Markaa ka dib waa in la bilaabaa wacdi iyo wacyi gelin qawmiyadeed [] dhaqan toosin ku salaysan diinta Islaamka iyo hab dhaqankii hufnaa [] Soomaalidii hore. Markaa ka dib waxaa la arkaa in la helo ummad heshiis ah, [] mid ah, isku aragti ah, isku kalsoon, isku meel u wada jeeda iyo waa cusub.
  • Markii talooyinkaa la hirgeliyo waxaa suura gal ah in la soo yagleel celin [] qarannimadii Soomaalida ee duntey iyo dawlad dadka isu keenta iyo wada [] shacbiga Soomaaliyeed.
  • Waa in la dhiso maamul goboleed iyo gole deegaan oo gobolka hoos yimaada [] dadka gobolkaa degani si madax bannaani ah isu maamulaan.
  • Waa in gobol kasta leeyahay ciidan booliis oo nabadda gobolka ilaaliya [] sharci hoosaad ku salaysan maslaxadda iyo habdhaqanka gobolka oo waafaqsan shareecada Islaamka iyo dastuurka dalka u dhigan.
  • Waxaa lama huraan ah dawlad dhexe oo isku xirta gobolada dalka Soomaaliya oo dhan, awood ballaaran iyo mayal adag leh.
  • Waa in gobolna gobol kale ku xadgudbin, wixii mashaakil ah oo [] gobolada kala degan dhex marana waa in lagaga gar qaybiyaa sharciga Islaamka iyo xeerkii Soomaalidu ku dhaqmi jirtey. Haddey xaajadu adkaatana wa [] dawladda dhexe ka gar qaybisaa iyadoo cuskaneysa dastuurka.
  • Waa in dawladda dhexe samaysaa ciidan qaran oo ka kooban gobolada [] oo dhan oo dawladda dhexe hoos yimaada, kana madax bannaan caadifad q[] iyo goboleysi, wixii dhibaata ah ee gobolada ka dhaca iyo difaaca dalka [] hortaga.
  • Waa in dhinacyada maamulka dawladda, shacbiga laga xushaa xubna aqoonyahan ah oo maamulka u qalma, aqoon iyo karti leh, sharciga Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida iyo xeerkeeda miyi iyo magaalaba aqoon fiican u leh, fulinta hawshaana daacad u ah raadna aan ku lahayn matalaad iyo aragti qabiil.

Dimuqraadiyadda

Afartankii sano ee la soo dhaafay ee Soomaalidu gobanimada qaadatay waxaa ummadda madaxa kaga jirey nidaamkii Hantiwadaagga kaasoo loo arkaayey in uu yahay nidaam wanaagsan, waayo? Dacaayaddii iyo sharraxaadii laga bixinaayey ayaa dadka madaxa ka gashay, isla markaa waxaa jirey nacayb loo qabay dawladaha reer Galbeedka qaarkood iyo gumeysigii mabda’a Hantigoosadka iyo iyadoo dhibaatadii Soomaalidu ka aragtay isticmaarkii Galbeedka oo weli la xusuusan yahay, sidaa awgeed shacbiga badankiisa waxay la ahayd in Hantiwadaagu yahay wax fiican, hase yeeshee culimada diintu cabsi weyn bey ka qabeen in Hantiwadaagu diinta Islaamka khatar ku yahay da’ yarta maskaxdoodana Shuuciyad ku abuuraayo, taa waa la soo arkay, lamana mahdin.

Haddaba waayadaan dambe waxaa carrabka lagu adkaynaayaa mabda’a Dimuqraadiga ah, sida runta ah Soomaalidu in ay idaacadaha ka maqlaan maahee Dimuqraadiyaddu waxay tahay aqoon uma laha, qaarkood waxay la tahay in uu yahay nidaam diinta Islaamka ka soo horjeeda oo gaaladu wadato, qaar kalena waxay la tahay in uu yahay nidaam fiican oo nolosha bulshada damaanad qaadaaya oo horumar iyo barwaaqo lagu gaaraayo.

Haddaba Dimuqraadiyaddu waa nidaam siyaasiya oo aan diin iyo dhaqaale midna ku lug lahayn, waa nidaam qeexaya in shacbigu isagu is xukumo iyadoo aan cid kale u talin. Nidaamka Dimuqraadigu ku dhisan yahay waxaa ka mid ah, waa sida loo dhigaye:

  • madax bannaani xorriyad (hortaa bannaan) ku salaysan,
  • sinnaan dadku isku mid yahay oo aan wax kala bursad jirin,
  • xukun wadaag aan talada iyo awoodda kooxi iska maroorsan, iyo
  • ra’yi cabbirid iyo xor u hadal aan dadka afka laga xirin.

Haddaba haddii Dimuqraadiyadda macnaheedu yahay caddaalad iyo sinaan waa sheeko; caalamka iyo nidaamka dabiicigaa ee Ilaaha awoodda lihi koonka ku maamula kuma simin sinnaan, masalan xayawaanka kaymaha ku nool iyo banii-Aadamka magaalooyinka waaweyn degan iyo kuwa tuulooyinka joogaa ma sina, Ilaaha awoodda lihi uunkiisa ma simin, xagga midabka iyo xagga muuqaalka xoogga iyo itaalka, fahmada iyo garashada, xoolaha iyo arsaaqda, hase yeeshee sida runtaa Dimuqraadiyaddu waa mabda’ dhalanteed ah oo ummadaha lagu sabaayo oo afka laga sheego, cid ku dhaqantaana aanay jirin, waa mabda’ loo adeegsado hadba sida la doono si dalalka Dunida Saddexaad lagu marin habaabiyo, waa mabda’ loo adeegsado qaska iyo qalalaasaha iyo iska horkeenka ummad isku mid ahayd, oo xataa kuwa sheeganaaya aaney ku dhaqmin. Ereyga dimuqraadiyad wuxuu isu rogay qalalaase iyo hub lagu dagaalamo.

١ – الديمقراطية

وهي عند واضعيها ومقتنعيها: حكم الشعب نفسه بنفسه، وأن الشعب مصدر السلطات جميعا. وهي بهذا الاعتبار مناقضة للشريعة الإسلامية والعقيدة، قال تعالى: (إن الحكم إلا لله)، وقال: (ومن لم يحكم بما أنزل الله فأولئك هم الكافرون)، وقال: (أم لهم شركاء شرعوا لهم من الدين ما لم يأذن به الله)، وقال: (فلا وربك لا يؤمنون حتى يحكموك فيما شجر بينهم)، وقال تعالى: (ولا يشرك في حكمه أحدا).

ولئن الديمقراطية نظام طاغوت، وقد أمرنا أن نكفر بالطاغوت قال تعالى: (فمن يكفر بالطاغوت ويؤمن بالله فقد استمسك بالعروة الوثقى لا انفصام لها والله سميع عليم)، وقال تعالى: (ولقد بعثنا في كل أمة رسولا أن اعبدوا الله واجتنبوا الطاغوت)، وقال: (ألم تر إلى الذين أوتوا نصيبا من الكتاب يؤمنون بالجبت والطاغوت ويقولون للذين كفروا هؤلاء أهدى من الذين آمنوا سبيلا).

فالديمقراطية والإسلام نقيضان لا يجتمعان أبدا؛

إما الإيمان بالله والحكم بما أنزله، وإما الإيمان بالطاغوت والحكم به، وكل ما خالف شرع الله فهو من الطاغوت.

ولا عبرة بمن يحاول أن يجعلها من الشورى الإسلامية، لأن الشورى فيما لا نص فيه ولأهل الحل والعقد من أهل الدين والورع، والديمقراطية بخلاف ذلك كما سبق.   

Shareecada Islaamka

Shareecada Islaamku waa dastuur samaawi ah oo Ilaaha Weyni ummaddiisa u soo dejiyey, in lagu dhaqmaana ay qof walba waajib ku tahay. Waa nidaam aad u wanaagsan oo Eebbe dadka u doortay. Eebbe isagaa og dadka maslaxadiisa adduunka iyo mahuraantiisa Aakhiro. Soomaalida qaarkeed waayadaan dambe waxay ku doodaan, “Waxaa habboon in loo noqdo oo lagu dhaqmo shareecada Islaamka iyo xeerkii Soomaalida ee jiri jirey iyo guddoonkii isimada.” Haddii taa la sii amba qaado, xeerkii hore ee Soomaalida iyo guddoonkii isimadu wuxuu ku dhisnaa xishood, ismaqal iyo kala dambeyn, dhaqankaasina maanta ma aha mid shaqeyn kara, waayo? Guddoonkii isimada waxaa lagu fulin jirey qadan iyo haybad ay isimadu lahaayeen oo aan hadal laga soo celin. Kuwa maanta joogaa haybaddii malaha, hadaba guurtida xeerka naqi jirtey iyo guddoonkii waxaa bedelay anaa talin iyo adaa quman, isimadu cilmi ay dawlad ku dhisaan ama axsaab siyaasi ah ku abuuraan ama shacbi ku hogaamiyaan ma laha, awoodoodu waxay ku kooban tahay in ay qabaa’ilka dirira heshiisiiyaan oo keliya. Waxaa hubaal ah oo aan marna laga murmi karin nidaamka Islaamka nidaam ka fiican iyo mid kaloo lala simi karaa ama la garab dhigi karaa ma jiro. Dhibaatada Soomaaliya ka jirta waxaa lagaga soo kaban karaa dhinac kasta, siyaasadda, dhaqaalaha, caddaaladda, nabadgelyada iyo midnimada ummadda waa Islaamka. Islaamku waa mabda’a keliya ee lagaga bogsoon karo tuntii iyo godobtii la kala galay, dadkana ka saari kara qabyaaladda, eexda, qaraaba-kiilka iyo musuqmaasuqa. Islaamku wuxuu damaanad qaadayaa nolosha hufan ee mustaqbalka ummadda iyo qofkaba.

Waxaa guddoonkayaga iyo go’aanku yahay, haddii Soomaaliya xasilooni iyo wanaag lala doonaayo waa in shareecada Islaamka loo noqdaa xukunkeedana si toos ah oo aan khilaaf lahayn loo qaataa, si sax ahna loogu dhaqmaa, waddankana lagu xukumaa, sidaasaa liibaan adduun iyo liibaan Aakhiro lagu gaarayaa.

Haddaba waa in laga fogaadaa fikradaha khilaafsan diinta Islaamka iyo awaamiirta Muslim-diidka ah, “Muslim baan sheeganaayaa, shareecada Islaamka ku camal fali maayo” waa tabaha Shaydaanka, bal eega aayadaha 44aad iyo 45aad iyo 47aad ee suuradda 5aad al-Maa’idah ee Kitaabka Quraanka Kariimkaa.

Qofkii madax ah oo aan sharciga Islaamka wax ku xakumin, qofkii lagu xakumay oo aan u hogaansamin iabaduba waa gaal daacaddii Ilaah ka baxay. Kuwa maantay ku doodaaya iyo kuwa qaba in dimuqraadiyadda dhalanteedka ah iyo qawaaniinta aadamigu dejiyey ay ka fiican yihiin sharciga Islaamka, Islaamkuna yahay nidaam gaboobay oo dib u dhac keenaaya, xeradii Islaamka waa ka baxeen, waayo? Waxay quursadeen Kitaabkii Quraanka Kariimka ahaa iyo xaddiiskii Rasuulka. Sharciga Islaamku waa dastuur samaawi ah oo Ilaah ummadda u soo dejiyey, meesha maslaxadda ummadda ku jirtana Eebbe isagaa yaqaan. Hadaba waxaa haboon in laga digtoonaado dimuqraadiyadda dhalanteedka ah iyo qawaaniinta aadamigu qoray oo diinta Islaamka khilaafsan iyo fikradaha Muslimka lagu majara-habaabinaayo iyo shirqoolada la maleegaayo. Xaaji Cali Cabdiraxmaan Fiqi oo ku magac dheeraa Xaaji Cali Majeerteen wuxuu yiri, “An waa aamusaayaa, wax afeefi u tahay ninna yuu hadhow ooyin goor talo abaajidey.”

Tusmada

Qeybta 1aad

  1. Taariikh Murtiyeed Kooban
  2. Gobanima-Qaadashadii Soomaaliya
  3. Doorashaddii Cod Khasaaray 1961kii
  4. Kacaankii Guuldarrada Reebay
  5. Ballanqaadkii Golaha Sare ee Kacaanka
  6. Goormaa la Kala Garan?
  7. Siduu Kacaankii Diinta Islaamka ula Dhaqmay
  8. Sidee Maxamed Siyaad 21 Sano Xukunka ku Haystey?
  9. Golayaashii Kicinta Bulshada ee Kacaanka
  10. Xaggee ku Dambeeyeen Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed?

Qeybta 2aad

  1. Hawlgalladii Lagu Dumiyey Dawladdii Soomaaliya: Es.Es.Dhii.Ef, Es.En.Em, Es.Bii.Em, Yuu.Es.Sii
  2. Bayaankii Muqdisho ee 15/5/1990kii
  3. Wallee ina-Ragow Tala Adduun Taada uun Maaha
  4. Waxa Soo Socda Nimaan Garani Waxa Jooga ma Garto
  5. Maxaa Dhaliyey Dagaalkii Abgaaliyo Gaalgale?
  6. Kacdoonkii Muqdisho 30/12/1990kii
  7. Muqdisho iyo Maamulkii Ururkii Yuu.Es.Sii

Qeybta 3aad

  1. Dagaal Qabiil iyo Dawladnimo Kala Fogaa
  2. Shirkii Jabuuti
  3. Heshiiskii Jabuuti Yaa is Hortaagey?
  4. Tolalka Soomaaliya iyo Degaannadooda
  5. Soomaaliya ma Qaran baa Mase waa Qabiil?
  6. Taariikhda Muqdisho oo Kooban
  7. Goormaa Muqdisho la Degey?
  8. Dagaaladii Muqdisho
  9. Duufaan Madow ma Mujaahidiin baa?

Qeybta 4aad

  1. Soomaaliya Halkee Gaartey Halkeese Maanta Joogtaa?
  2. Maxaa Sababay Masiibadii Soomaaliya ku Habsatay?
  3. Burburka iyo Baaba’a Dagaalladii Qabiil Sababeen
  4. Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey
  5. Soomaaliya iyo Dawladda Mareykanka
  6. Hawlgalladii Yunosom 2aad
  7. Sidee Qarannimadii Soomaaliya Kusoo Noqon Kartaa?

Aw Jaamac Cumar Ciise wuxuu af-Carabi ku qoray 5 buug:

  1. Taariikhda Soomaaliya – 1965 Qaahira
  2. Taariikhdii 13kii Aasaasay Xisbigii Es.Waay.El – 1965 Qaahira
  3. Taariikhdii Janaraal Daa’uud Cabdulle – 1966 Muqdisho
  4. Kacaankii 21kii Oktoobar – 1972 Muqdisho
  5. Taariikhdii Hore ee Muqdisho iyo Haatan – 1979 Muqdisho

Wuxuu kaloo af Soomaali ku qoray 3 buug oo la daabacay: