Safarradii Cigaal Shidaad

Mashruuca Buugaagta af-Soomaaliga ee labada-af ah waxaa loo hibeeyey dhammaan carruurta qaxootiga ah iyo qoysaskooda. Way ku mahadsan yihiin dadkii sheekooyinkooda noo soo bandhigay ee suurtagaliyey hirgelinta mashruucan.

Waxaa lagu daabacay Mareykanka.

Buugaan waxa ku qoran qaybna dib looma daabaci karo marnaba iyada oo aan oggolaansho qoraal ah laga helin soo-saaraha.

Ereyga Qoraaga
Waa hore ayuu Cigaal Shidaad ku noolaa meel dhulka Soomaaliyeed ka mid ah. Sida dad badan oo Soomaali ah, ayaa isaga iyo qoyskiisu lahaayeen xoolo badan oo ay ka mid yihiin ari iyo geel. Waxa ay ahaayeen reer guuraa marba meeshii baad ama geedo iyo biyo leh xoolahooda ula guura.

Sheekooyin aad u badan oo maad ah ama qosol leh ayaa laga sheegaa Cigaal Shidaad. In kasta oo uu ahaa nin murti badan, haddana waxaa kale oo uu caan ku noqday fulaynimadiisa.

Cigaal baqdintiisa sabab la’aaneed ayaa u keentay dhibaatooyin badan, laakiin fariidnimadiisa iyo iimaankiisa ayuu kaga bixi jirey dhibaatooyinkaas. Cigaal sheekadiisan ayaa ilaa hadda looga sheekeeyaa ilmo kasta oo Soomaali ah.

Sheekoy sheeko, sheeko xariira…

Waqti abaar xumi dhacday ayaa Cigaal safar dheer ku bilaabay gudoodi habeen mugdi ah. Isaga oo aan socodka kala joojin ama aan hakan ayuu maray jid habaas badan. Xoolihiisa oo harraad u bakhtiyaya iyo qoyskiisii oo abaartu naafaysay ama aad u waxyeelaysay ayuu u sahan tegey in uu u soo helo meel uga wanaagsan tan ay markaa deganaayeen.

In safarkiisa iyo welwelka hayey Alle u sahlo, ayuu Cigaal xusuustay ducadii dadka safarka ah loogu ducayn jlrey oo hoos ugu ducaystey: “Allahay ha iiga dhigo jidka toobiye, dhulka taaka taako, qorraxdu dalaalimo, dadkana aabiyo hooyo. Allihii daa’in ahaayow: Degdeg iigu hagaaji, meel deegaan iyo roob leh, oo biyuhu durduraan.”

Cigaal waa sii kabtiyey ama socodkii sii watay. Isaga oo ku hamiyaya maalin tan u dhaanta, ayaa waddadii uu socdey u gaabatay.

Si kedis ah ayuu maruun maqlay sanqadh ka baraarujisay ama ka toosisey habeenkii deganaa iyo fekerkii uu ku maqnaa. Cigaal baa kor u boodey. Wadnihiisii baa naxdin la fugfug yiri. Hareeraha ayuu fiirfiiriyey oo arkay gorgor fadhiya geed dheer korkiisa. “Shinbiryohow baas, iga tag oo i daa,” ayuu Cigaal yiri. Bilaawihiisii ayuu galka kala soo boodey oo gacanta ku walhiyey, isaga oo sii eegaya gorgorkii oo baalasha kala fidiyey oo cirka mugdiga ah isku shareeray.

Si uu isu dejiyo, Cigaal inta uu sheydaanka iska naaray ayuu ducadiisii sii watay: “Allihii daa’in ahaayow! Degdeg iigu hagaaji, meel deegaan iyo root leh, oo biyuhu durduraan. Allahayow iga daa, iga daafac balaayo, nabad aan ku durkaayoo, dariiqa aan ku gudbaa.”

Cigaal hore ayuu u sii talaabsaday. Isaga oo la leexanaya meel waddadu ka qaloocsanto, oo xagal ah, ayuu dareemay in geeduhu doog soo noqonayaan.

Wax buu sii eegay, meel ka durugsan buu ka arkay hoosils. “Aryaa meesha maraya?” ayuu ku dhawaaqay, laakiin harkii uu arkay ma dhaqaaqin mana sanqadhin. Isaga oo yaabban ayuu yiri, “Muxuu waxani noqon karaa?”

Si uu naftiisa ugu dejiyo ayuu yiri: “Allihii daa’in ahaayow, degdeg iigu hagaaji, meel deegaan iyo roob leh, oo biyuhu durduraan. Allahayow iga daa, iga daafac belaayo, nabad aan ku durkaayoo, dariiqa aan ku gudbaa. Allahayow i daryeeloo, dartaa geesi noqdaayoo, igu toosi dariiqa.”

Cigaal inta uu joogsadey, ayuu mugdigii indhaha ku sii fiiqay oo harkii u sii fiirsaday. Isaga oo hiinraagay ayuu yiri, “Waxanu waa libaax gaajaysan oo aniga i gaadaya si uu ii cuno!”

Waxa uu go’aansaday in uu bahalka weyn ka bura badiyo oo halkaa ku sugo ilaa bahalku iska tago. Isaga oo gariiraya ayuu dhagax ballaaran gadaashiisa ku gabbaday.

Cigaal waa sugey, oo sugey. Waa fiiriyey oo sii arkay harkii weynaa oo meeshiisii jooga. Cigaal waa isla hadlay oo yiri, “Waa libaax xariif ah anna waa in aan sabraa oo adkaystaa in aan iska ilaaliyo.” Inkasta oo lugihiisii laabnaa daal la xanuuneen laakiin waa sugey. Dhabarkii baa sii xanuunay waase sugey. Inkastaba Cigaal ha dhawree, haddana libaaxii ma nuuxsan.

Sidii rati daaley, ayaa habeenkii gaabis ku dhaafay.

Ugu danbayntii ayaa sagalkii arooryo soo baxay. Cirkii baa midab isu bedeley, libaaxiina waa dhaqaaqay. Cigaal oo waran diyaar la ah ayaa libaaxii sii fiiriyey.

Qorraxdii baa falaarihii waaberiga keentay, cirkii baa guduudtey, libaaxiina mar kale ayuu u ekaaday in uu dhaqaaqay. “Waxaan filayaa in aan libaaxii weynaa ka raayey.” ayaa Cigaal naftiisa u sheegay, isaga oo rajo ka qaba in libaaxu degdeg isaga tago.

Qorraxdii baa soo baxday oo madaxa keentay. Waagii beryey baa midabadiisii is bedbedeleen. Iftiinkii cusbaa ayaa Cigaal ku arkay in wixii u muuqdey aanu ahayn libaax.

Geed gaboobey oo qalalay jirridiisii ayuu ahaa.

Cigaal oo aad u xanaaqsan oo rumaysan la’ waxa uu arkay, ayaa xagii jirrida u sii dhutiyey, isaga oo leh, “Sidee u dhici kartaa? Ma aniga ayaa nacasoobay,” markaas ayuu clil dartii cagaha dhulka la dhacay oo boodh ka kiciyey.

“Ma waxaan ku moodey, mise waxaad noqotay, mise waxaan loo noqon doonin. Waxa aan ku moodey libaax, waxaadse noqotay jirrid, waxaan loo noqon doonin habeen socod danbe,” murtidaa ayaa Cigaal ka hartay.

Si uu Ilaahay cafis iyo denbi dhaaf u weydiisto, ayaa Cigaal ducadii safarka ku celceliyey: “Allihii daa’in ahaayow! Degdeg iigu hagaaji, meel deegaan iyo roob leh, oo biyuhu durduraan. Allahayow iga daa, iga daafac bilaayo, nabad aan ku durkaayoo, dariiqa aan ku gudbaa. Allahayow i daryeeloo, dartaa geesi noqdaayoo, igu toosi dariiqa.”

Markii Cigaal ducadii dhameystay, ayuu dareemay in Ilaahay ducadiisii u aqblay. Waxa uu degdeg ku gaarey meel geedo cagaaran leh oo doog ah. Habeenkii halista badnaa Allahay nabad buu ku soo gudbiyey, Eebbaa dhiiri geliyey oo jidkii toosna ku aadiyey.

Isaga oo dhoola cadaynaya, iimaanna u sii kordhay, ayuu Cigaal socodkiisii hore u sii watay.