Sifada Salaadda Nabiga

Tusmada Kitaabka

Hordhac
Ahmiyadda salaadda iyo meeqaankeeda
Waqtiyada salaadaha faralka ah
Waqtiyada aan la tukan karin (meydkana aanay bannaaneyn in la aaso)
Waqtiyada reebban in la tukado salaad sunno ah
Shuruudaha salaadda
Inta rakcadood ay salaaddu ka koobanto
Ujeeddada qarsoon ee salaadda
Aadaan – lqaamah
Wuduu (weesada)
Masaxidda iskaalsaha
Qusul (Qubeyska lays faray)
Xaydka (Dhiigga caadada dumarka ah)
Dhiigga dhalmada (Nifaas)
Hab tukashadii Nabi Muxammad  iyo Sifadii salaaddiisa
Ducooyinka iyo wardiyada lala yimaado marka laga baxo salaadaha faralka ah oo la salaamo naqsado
Qavbaha iyo xubnaha Salaadda iyo xukunnadooda kaladuwan
Tiirarka Salaadda ay la’aantood salaadi ansaxeyn
Waajibaadka Salaadda
Sunanka Salaadda
Waxyaabo aan ku habbooneyn Salaadda oo karaahiya ah
Waxyaabaha buriya Salaadda
Waxyaabo ku habboon inaad la timaaddo marka aad tukanaysid
Waxyaalaha kuu bannaan ee aad ku sameyn karto salaadda gudaheeda
Salaadda Janaazada (sida loogu tukado qofkii Muslim ahoo dhinta iyo habkeeda)
Mas’alooyin iyo weydiimo ku saabsan dahaarada iyo salaadda ruuxa buka ama dhaawaca ah
Salaadda qofka safarka ah

Hordhac

Ammaan iyo Mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan, Caadilka, Falka San. Kaa oo siiya Galladda iyo Naxariistiisa kii kastoo adeeca, una Carooda oo Ciqaaba kii kastoo caasiya, waa Deeqtoonaha Awoodda Badan ee loo Baahanaha ah la muto, Mahad iyo Ammaan idilkeed Isagaa leh Ilutnaa oo Weynaaye. Isaga wceyaan Kan dadka kala saaraya ee xukunka leh. maamulka iyo mulkiga iyo iyo amarka iyo ahaal marinta. Waana Isaga Kan aan u noqoneyno.

Waxaan qirayaa oo ka marag kacayaa inuusan jirin llaah xaq ah Allaah maahee. Waa Isaga Kan u xilsaaray Muslimiinta waajibka shanta salaadood ee faralka ah. oo ka soo faray toddobada sama ¬korkooda inay dhowraan salaadda.

Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:

“Dhowra salaadaha iyo salaadda dhexe oo istaaga Allaah horti idinkoo adeecsan.” Suuradda Al-Baqara: Aayadda 238.

Waxaan qirayaa oo ka marag kacaya oo kale in Muxammad yahay Rasuulkii Ilaahay. kan u wanaagsanaa caabudayaasha, iimaamka inta Ilaahay ka cabsata. sayyidka mursaliinta Ilaahay soo diray. Intaa kaddib:

Kani waa kitaab kooban oo ka hadlaya Salaadda waxaan qoray markii aan arkay baahida deg degga ah ee loo qabo. Waxaan ka arkay jaceyl iyo dadaal lagu farxo oo ammaan mudan rag iyo dumar wiilal iyo gabdho, oo ila soo xiriiray, oo jaceyl u hayo barashada diiinta xaqa ah, Islaamka, Risaaladii iyo Fartiintii u dambeysay ee ka timaadda xagga Ilaahay. Kuwaa oo baahi u qaba inay gutaan waajibyada iyo xilalka Ilaahay saaray ay salaaddu u horreyso, salaadda oo ah tiir dhexaadka Islaamka. Salaadda uu Allaah ka yeelay calaamadda lagu kala saaro gaalka iyo Muslimka.

Runtii, dad badan baa waxay jecel yihiin inay u laabtaan Rabbigood. gutaanna waajibka iyo xilalka uu saaray ay Salaadda ugu horreyso. ha yeeshee ay ka hor joogto jahli iyo aqoon la’aan la xiriirta sida u wanaagsan ee lagu gudan karo.

Dad badan baa ka xishoonaya inay arrintaa soo bandhigaan. maxaa yeelay marka uu ninka naftiisa fiiriyo, wuxuu arkayaa inuu da’ gaaray, ku hormaray aqoonta Aadmigu gaareen, jago iyo darajo sare ka gaaray arrimaha adduunka, oo dadka qaar inay kuunyadaan laga yaabo, ha yeeshee aan gudan karin aqoon wacanna u laheyn Salaadda, oo ah arrin xitaa ilmaha yar ee Muslimiinta ah laga rabo inay u leeyihiin aqoon fiican oo dhan, odayaasha iyo waayeelka ka sokow.

Jahliga ummada ka heysata arrimaha diintooda waa mas’uuliyad iyo arrin la weydiin doono qof kasta oo cilmi leh, awoodna u leh inuu ka qayb qaato ka saaridda dadka mugdiga jahliga.

Arrintan waxaan xusayaa anigoo ka xun, kaddib kolkaan arkay dad badan oo Soomaali ah aan warba ka heyn arrimo badan oo diinta nolosheenna ah la xiriirta. Waana taa waxa igu dcdejiyey inaan qoro kitaabkan kooban si ay dadku faa‘ido uga helaan Idanka llaahay

Maadaamayna qof kasta oo Muslim ah ay muhiim u tahay shanta salaadood ee faralka ah. Salaadda jamaacada. Salaadda Jumcaha, Salaadda Labada Ciidood, Salaadda Istikhaarada (Laba talo tii roon), Salaadda Cabsida, Salaadda Janaazada (sida loogu tukado meydka), Salaadda Musaafirka. Salaadda qofka buka, iyo mas’alooyin kala duwan oo salaadda la xiriira. waxaan ku soo arooriyey arrimahaa oo dhan kitaabkan.
Waxaan ugu daray arrimahaa oo idil anigoo rajeynaya in laga faa’ideysto.

Waxaan ku dadaalay inaan isticmaalo ereyo sahlan si dhallinyarada, odayaasha, kii wax bartay, kaan wax baran ay isku si uga wada faa’ideystaan kitaabka. Kuwaa tukada waxay ugu faa’ideysan karaan inay saxaan wixii khalad kaga jira saladdooda. Kuwa aan tukanna inay ka bartaan oo sidaa salaadda ku oogaan. Waxaan Allaah ka baryayaa inuu ka dhigo camalkayaga mid khaalis u ah Wajigiisa, iyo camal Dar llaahay ah, oo ay ku intifaacaan dadka Soomaaliyeed meel iyo waa ay joogaanba Alloow dambigeenna dhaaf, innagana dhig hanuunsanayaal wax hanuunsha Naguna sug Xaqa ilaa geerida.

Waana Allaah Rabbigay, Mudanahayga iyo Gargaaraheyga, isagaana u wanaagsan id la kaalmeysto oo la tala saarto.

Allow nabad iyo naxariis korkiisa ka yeel Nabigeenni Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii xaqa ku raacda. Aamiin.

Cabdulcasiis Xasan Yacquub

Ahmiyadda Salaadda iyo Meeqaankeeda

Salaaddu waa tiirka Islaamka uu ku taagan yahay iyo udub dhexaadka diinta. Salaad la’aanina waa diin la’aan. Diimahii hore salaaddu waxay ahayd qaybta ugu muhimsan cibaadooyinka ay Rususha iyo intii raacday aad ugu dadaali jireen.

Nabi Ibraahiim nabad iyo naxariiis Alle dushiisa ha ahaatee wuxuu Allaah ka baryi jirey inuu gacan ku siiyo gudashada waajibka salaadda oo wuxuu ku duceysan jiray sida Qur’aanka ku soo arooray:

“Rabbigayow! Iga yecl mid u ooga salaadda si wanaagsan, aniga iyo durriyadeydaba.” Suuradda Ibraahiim; Aayadda 40.

Nabi Ciise nabad iyo naxariis Alle korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri, isagoo Rabbigi wuxuu kula dardaarmay ka warramaya:

“Oo Wuxuu igu farad yeelay salaadda iyo Zakada inta aan noolahay.” Suuradda Maryam; Aayadda 31.

Sidoo kale, Allaah wuxuu amray Nabi Muxammad nabad iyo naxariis Alle korkiisa ha ahaatee oo uu ku yiri;

Akhri waxaa laguu waxyoodo oo ka mid ah Kitaabka oo u oog salaadda si wanaagsan « Suuradda Al-Cankabuut 45aad

Islaamkana oo ah qaabkii iyo heerkii u dambeeyey ee lagu gunaanaday iyadoo ebyan diinta towxiidka, waxay salaadda ku tahay tiirka labaad (yacni ashahaadada Islaamka lagu soo galo kaddib).

“Qofkii salaadda ka tagaana waa qof gaaloobay.”

Waxaana loo baahan yahay in la ogaado in toosinta hannaanka salaadda ay tahay waxay diinta ina farto goor waliba.

Qur’aanka inama faro oo inama yiraahdo ‘salluu – tukada’ ee wuxuu ina faraa oo innagu yiraahda: ‘Aqiimuus salaah – ooga oo toosiya hannaaanka salaadda’.

Salaaddu ma aha erayo iyo dhaqdhaqaaqyo taxan oo waqtiyo iyo munaasabado gaar ah lala yimaado dhug la’aan, ee waxaa waajib ah in si kal iyo laab ah loo tukado haddii la doonayo inay soo saarto miro wanaagsan.

Salaadda waa in la guto waqtiyadii loogu tala galay iyadoo la oogaya shuruudaheeda. Waa in qof iyo bulshaba la wada oogaa oo ahmiyad weyn la siiyaa. Maxaa yeelay salaadda, marka loo guto qaabka iyo hannaanka wanaagsan ee loogu tala galay waxay ku xireysaa qofka iyo bulshadaba Allaah, miro iyo faa’ido badan bayna ka helayaan. Waxay qoyneysaa laabta qofka oo ku xiriirineysaa Rabbigi, xusuusineysaana maalintaa uu qofku hor istaagayo abuurahiisa iyadoon ay cidi u dhaxeyn.

Nabigu  wuxuu inoo sheegay in:

Waxaa ugu horreeya ee qofka lagala xisaabtami doono Qiyaamaha ay tahay salaadda. Hadday wanaagsaneyd, acmaashiisa kale oo idil ay wanaagsanaayaan, haddayse
xumeyd, acmaashiisa kalena sidaa bay u xumaanayaan. (waxaa wariyey ad-Dabaraani).
Salaaddu waxay aheyd waajibkii ugu horreeyey ee la amray mujtamaca Muslimka ah towxiidka kaddib intay Makka joogeen. Seddex sano ka hor hijradii Rasuulka  Madiina.

Waxaana dhab u muujinaya oo daliil cad u ah ahmiyadda salaadda iyo siday Allaah ugu weyn tahay inay salaaddu tahay cibaadada qura ee Rasuulka samada lagu soo faray habeenkii Israaga iyo Mijcraajka, halka cibaadooyinka iyo waajibaadki kale Rasuulka la soo faray isagoo dhulka jooga.

Salaaddu waa waajib iyo xil saaran qof kasta oo Muslim ah, ee miyir iyo maan qaba, qaan gaarna ah.

Caa’isha AKR waxay tiri: Wuxuu yiri Rasuulki Alle:

“Qalinka waa laga qaaday (oo wax kama qoro) seddex: qofka hurdada la tagto intuu ka soo kacayo, ilmaha yar intay ka qaan gaarayaan, iyo qofka waalan, intuu miyirku iyo maanku ku soo noqonayo’. Waxaa wariyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

Wixii seddexdaa la soo sheegay aan aheyn waa la weydiin xilki iyo waajibkii Allaah saaray siday u guteen. Waxaana xilalkaa iyo waajibaadkaa ugu horreeya salaadda.

Aayado badan ayaa Muslimiinta faraya salaadda. Naxariistiisa badan awgeed Allaah hufnaa oo kor ahaaye wuxuu meelo badan oo Qur’aanka ka mid ah ku muujiyey, isagoo ku celcelinaya ahmiyadda iyo meeeqaanka salaadda Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:

“Dhowra salaadaha iyo salaadda dhexe oo istaaga Allaah horti idinkoo adeecsan ” Suuradda Al-Baqarah: Aayadda 238

Axaadista Rasuulka  qaar ka mid ahi waxay daaha ka qaadeen inay ka mid tahay ujeedooyinka salaadda tirtiridda iyo dhaqidda dambiyada aan kabaa’irta aheyn.
Ujeeddo iyo xikmad kale oo salaadda ku jirtaa waa inay ku beerto damiirka qofka Muslimka ah Alle ka cabsi oo uu qalbigiisu qoyo, ilays iimaani ahna uu yeesho iyo nuur.
Tanse ugu weyn oo ugu muhiimsan waa xuska Ilaahay, maadaamuu Isagu yahay Kan ay Gacantiisu ku jirto khayrka oo idil.

Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri: Oo u oog Salaadda si wanaagsan. Xaqiiq, Salaaddu waxay ka reebtaa dadka xumaanta iyo Munkarka, oo xusidda Allaah baa sii weyn. Oo Allaah waa og yahay waxa aad sameynaysaan.” Suuradda al-Cankabuut: Aayadda 45.

Dhowridda salaaddu waa arrin aad inoo lagu adkeeyey – degaan haddaan nahay negan oo guryahoodii jooga, ama kolkaynu safar nahayba gooraha amniga iyo gooraha baqdinta. Gooraha nabadda iyo gooraha dagaalka. Haddaan caafimaad qabno iyo haddaan bukaan nahay. Xitaa haddaanu kari weyno inaynu ka soo wada baxno shuruudaha layska doonayo ee Salaadda iyo xaaladaheeda la yaqaan. sida weesada, qusliga, daahirinta maryaha, iyo meesha lagu tukanayo, arrimahaa haddii ay adkaadaan ama la waayo waxaa naloo banneeyey inaynu ka tagno, oo iska deyno, ama wax kale ku beddelanno kolkey duruufteeda timaaddo, sida booreysiga (oo ah isticmaalki carrada ama shay boor leh oo daahir ah si laysugu daahiriyo halkii biyaha).

Sidoo kale waxaa laynoo banneeyey gaabinta iyo isu keenidda salaadda waqtiga safarka. Marnabase uma bannaana oo cudur daar uma leh qofka Muslimka ahi inuu fududeysto oo uusan ahmiyad siin salaadda ama dib dhigo illaa waqtigeeda ka baxo, oo keliya dumarka markay caadada ku dhacdo oo dhiig bileedkii helo ama dhiggii dhalmada ka socdo baan salaad tukaneyn xilligaa ay dhiigga qabaan. Xitaa qofka bukaan jiifka ah ee aad u xanuunsanaya ee aan socon karin ama qofka col iyo cadow ay is hayaan waxaa waajib ku ah inuu tukado. Qofku hadduu si kale oo dhan u tukan waayo oo cudur ama wax kale dhigaan oo dhaqaaq iyo dhawaaq iska waayo, wuxuu ka tukan indhahiisa ama qalbigiisa hadba inta awooddiisa gaarsiiso, inta uu wax kala garanayo, miyirkiisuna uu taam yahay maankiisana joogo salaad waa laga rabaa.

Kolkay Rasuulka  nafta ka sii baxeysay, naxariis iyo turid uu ummadiisa u qabo. wuxuu ku celcelinayay oo lahaa: War hooy Salaadda. War hooy Salaadda.
Waxayna Rasuulka  nafti ka baxday isagoo leh:

“Assalaah… Assalaah… Salaadda… Salaadda.”

Axaadiis saxiix ah oo ka sugnaaday Nabiga  ayaa caddeynaya in ka tegidda Salaadda ay kufri tahay iyo gaalnimo, qofkiisa uu ku muteysanayo cadaabta Ilaahay nolosha dambe ee Aakhirada. Axaadiista sheegaya gaalnimada taariku salaadka waxaa ka mid ah xadiiska ah:

“Waxaa qofka ka xiga kufriga iyo shirkiga ka tegidda Salaadda” (Waxaa wariyay Axmad iyo Muslim).

Wuxuu kaloo Nabigu  yiri:

“Ballanteennu waa salaadda. qofkii ka tagaana waa qof gaaloobay”. (Waxaa wariyay Al-Bukhaari iyo Muslim).

Asxaabtii Rasuulka Alle ha ka wada raalli noqdee waxay qabeen in haddii hal salaad kas iyo maag laysaga daayo oo looga tago ilaa waqtigceda ka baxo inay tahay ka noqosho diinta iyo ku gaaloobid Alle weyne.

Sidiisana waxaa yiri Cumar bin Al-Khaddab Cabdulaah bin Mascuud, Cabdullaah bin Cabbaas, Mucaad bin Jabal iyo rag badan oo asxaabta ka mid ah iyo taabiciin waaweyn.
Cid asxaabta ka mid ah oo taa kula dooddayna ma jirin ama hadal ka keentay oo waxay aheyd arrin ay isku waafaqsan yihiin.

Qofkii aan war heyn, Islaamkana aan wax looga sheegin ee jaahilka ka ah, xil iyo mas’uuliyad ma saarna inta wax looga sheegavo oo la ogeysiin. Ha yeeshee kolkuu ogaado inay salaadda waajib ku tahay iyo xil saaran, marba haddii uu Muslim yahay, xujo iyo cudur daar, iyo dow uma leh inuu ka tago.

Shiikhii Islaamka Axmad ibnu Taymiyah wuxuu yiri:

“Dad waxaa jiri marna salaadda tukada, marna ka taga, oo sidaa marna kufri ku sugan, marna iimaan, arrintooduna waa hadba sida khaatimadoodu noqoto”
Waana kuwan marna salaadda tukada, marna ka taga kuwa cadaabta loogu gooddiyey falkoodaas xun awgii, waana iyaga kuwa uu ka hadlayo xadiiska Cubaadah ee sheegaya in Rasuulku  yiri:

“Shan salaadood buu Allaah ku waajibiyey addomihiisa maalinta iyo habeenka. Qofkii dhowraa ee muwaxid shirki ka fayow wuxuu Allaah u ballan qaaday inuu jannada geliyo, qofkii aan dhowrin salaadda cahdi iyo ballan Alle agtiisa uma taal. Hadduu doono wuu ciqaabi, hadduu doonana wuu iska cafin.”

Sidaa awgeed dhowraha salaadda waa kan tukada waqtigii uu Allaah u qabtay oo aan ka dib dhigin waqtigeeda loo dhigay dayicinna qaybaheeda muhiimka ah. Qofkase aan toosineyn salaadda ee kala gaabinaya, inkastoo uu tukanayo qofkaas Allaah baa go’aankiisa leh, waxaana suura gal ah inuu leeyahay salaado siyaado ah oo dheeri ah (Nawaafil) si loogu kabo salaadahiisa faralka ah, tixraac qowlka Rasuulka SCW

“Waxa ugu horreeya ee addoomaha laga eegi doono kolka la xisaabinayo waa salaadda. Rabbigeen wuxuu ku oran doonaa malaa’igta isagoo ogsoon oo kaga cilmi roon: Bal fiiriya addoonkeyga salaadiisa miyuu dhammeystiray oo si wacan u gutay mise waa uu kala dhimay? Markaa haddii ay dhan tahay waxaa loo diiwaan geliyaa iyadoo dhan, haddayse dhiman tahay wuxuu oran, bal fiiriya hadduu addoonkeygu sunnooyin tukan jirey? Haddii uu salaado dheeri ah oo iskiis ah tukan jiray aan shanta faralka aheyn, wuxuu Allaah oran, uga kaba addoonkeyga salaadahiisa faralka ah salaadahiisa sunnada ah, kaddib acmaashiisa kale oo dhan waxay ku xiran tahay natiijada salaaddiisa”. Oo hadduu salaadda ku dhaco waxa kale oo dhan wuu ku dhici doonaa, haddii uu salaadda ku baasana waxa kale oo dhanna wuu ku baasi (yacni ka gudbi oo ku guuleysan) Qofna cudur daar uma leh inuu salaadda ka tago ama dayaco Ruuxii sidaa yeelaa naftiisa buu gef iyo dulmi u geystay. Sidaynu soo sheegnayna kooxo asxaabta Nabiga  ka mid ah waxay qabeen ruuxii kas uga tagaa hal salaad ilaa waqtigeedu uu ka baxo ay tahay gaalnimo, ciqaadta ka taal ay tahay dil. Cid asxaabta ka mid oo aragti taa ka duwan qabtayna ma jirin. Waxaa isweydiin leh haddaba dadka Muslim baan nahay leh ee haddana aan tukaneyn ma waxay soo galayaan kuwaa ogsoon weynida salaadda iyo meeqaankeeda iyo in qofkii ka tagaa salaadda xukunkiisa adduunka yahay in la dilo illaa geeri, mise ma kuwa jaahil ah baa ee moog inay salaaddu waajib ku tahay iyo in kale? Ma waxaan jahli ahayn baa dambigaa weyn oo kale loogu dhici karaa? Dhinaca kale, ma suura gal baa in jahligu sidaa daran uu u faafo?

Maxaase ku kallifi karo qof inuu ka haro kulanka musalliinta oo uu ka goosto xiriirka Alle weyne ee galladda iyo abaalka iyo deeqda badan, naxariis badnaha falka san?

Alle weyne isagoo aadmiga waaninaya wuxuu yiri:

82:682:782:8

“Aadanow! Maxaa kaa jeediyay Rabbigaaga, Roonaanta badan? Ee ku abuuray kuna ekeeyey oo kuu simay si wanaagsan. Oo suurad tii uu doonay kaa rakibay.” Suuradda al-Infidaar, aayadaha 6aad ilaa 8aad.

Maadaamayna diiddada caasumaadda Alle uu kuugu yeeray ee ah la kulanka iyo xiriirintiisa joogtada ah ay tahay kufri tan u daran, iyo diiddo naxariistiisa, waxaa inoo soo baxaya oo aan shaki ku jirin in Alle uu jeclaanayo qofkii u dhego nuglaada ee ku dadaala salaadda iyo siduu u raalli gelin lahaa Rabbigii oo ah kan abuuray, irsaaqa, Sayyidkiisa runta ah ee uu mar waliba mudan yahay, kana uusan maarmeyn.

Qofka Alle u hoggaansama weeyaan qofkaa abaalka iyo ajarka wanaagsan Alle agti u taal, abaal marinta addoomada wanaagsanna, waxay noqoneysaa siduu Alle yiri, Rasuulkiisuna ﷺ caddeeyey:

“Waxayan dhaayo arag, dhegona maqal, qalbi iyo dhug Aadanana aan marnaba ku soo dhicin.” Bukhaari iyo Muslim iyo rag kale baa wariyey.

Ugu dambeyntii, cidina waa inayan quusan dambi ka dhacay awgi, irridka towbadu qof waliba waa u furan yahay, si kastaba xaalkoodii hore ha ahaadee. Towbad dhab ah, iyo ka qoomameyn wixii horay gef iyo dambi kaaga dhacay iyo goosasho inaad dib dambe ugu noqon, khaladkiina aad saxdid weeyaan inta loo baahan yahay, si toobada uu Alle hufnaa oo kor ahaa kaaga aqbalo.

Nolol cusub waa billaabi kadhaa waqtigii aad doonto, adigoon bixneyn qiimahii gefihii sannadadii tegay.

Rasuulkeennii suubbanaa ﷺ wuxuu yiri:

“Qofku markuu soo Islaamo xalay dhalay buu ka noqonayaa wixii horay uga dhacay oo dhan. Towbadana waxaa xalay dhalay lagaga noqdaa xumaanahii hore oo dhan.”

Alle wuxuu yiri kor ahaaye:

“Dheh addoommadayda naftooda ku xad gudbayow naxariista Alle ha ka quusannina, Alle dambiyada oo dhan waa dhaafaaye, oo isagaa isugu ah dambi dhaafaha naxariista badan, oo Rabbigiin u noqda oo isaga isu dhiiba inta aysan idiin imaan cadaabtu ka hor, dabadeedna aan la idiin hiillin waayin, oo raaca waxa wanaagsan (Qur’aanka iyo sunnada) oo xagga Rabbigiin la idiinka soo dejiyey inta aysan cadaabtu kedis idiinku imaan idinkoo aan dareensaneyn, inta aysan nafi oran ka qoomammeeyey wixii aan xagga Alle ka gaabiyey, oo kuwa jeesjeesaan ka mid ahaa, ama aysan oran haddii Alle i hanuunin lahaa kuwa cabsadaan ka mid noqon lahaa, ama aysan oran markii ay cadaabta aragto haddii aan noqosho lahaan lahaa (yacni nolosha adduunka laygu celin lahaa) samaan falayaashaan ka mid noqon lahaa, oo lagu oran markaa: Haahe, aayadahaygii baa kuu yimid markaasaad beenisay oo is weyneysay oo gaalada ka mid noqotay.” Suuradda az-Zumar: aayadda 53aad.

Wuxuu kaloo yiri hufnaa oo kor ahaaye:

“Markii ay kuu yimaadaan kuwa aayadahayga rumeeyey, dheh: Salaamu caleykum – nabad qaba – Rabbigiin naxariis buu naftiisa ku waajibiyeye, kii idinka mid ah oo xumaan ogaal la’aan u fala, dabadeedna toobad keena oo camalkiisana suubbiya (macnaha Alle adeeca) markaa hubaashii Alle waa dambi dhaafe, nax­ariis badan.” Suuradda al-Ancaam: aayadda 54aad.

Waqtiyada Salaadaha Faralka ah

Fajr (oogga): waa laga soo billaabo iftiinka ugu horreeya ee cirka ka muuqda (oo ah saacad iyo bar ka hor inta aan cadceeddu soo bixin) illaa iyo qorrax ka soo baxa.

Duhur: waa laga soo billaabo waqtiga ay qorraxdu korreysanto oo ka durugto xoogaa cirka bartankiisa (20 daqiiqo kaddib kolkay qoraxdi gaadho bartanka illaa iyo inta Casarka laga gaari).

Casar: waa laga billaabo waqtiga ay laba laabmaan wax kasta iyo hooskoodaa, illaa iyo inta Maqribka laga gaari.

Maqrib (gabal dhac) waa laga billaabo waqtiga ay qorraxda dhacdo illaa ay qarsoonto cir guduudda. Waxaa wanaagsan in la guto salaadda Maqrib horay markii waqtigeedu ka soo galaba muddadeeda oo gaaban awgeed.

Cishaa (habeenka) waa laga billaabo waqtiga ay cir guduudda qarsoonto (saacad iyo rubuc kaddib kolkay qorraxda dhacdo illaa iyo saq dhexe), waana la tukan karaa sidoo kale Cishaha illaa laga gaaro Fajarka, haddii uu qof ku haleeli waayo inuu tukado niska hore ee habeenka.

Dalalka daruuro madow awgeed aan qorraxda laga arkeyn waxaa habboon inay raacaan taqwiim ama kalandar ay ku qoran yihiin waqtiga salaad kasta.

Qofka Muslimka ahi waxaa laga dooni inuu ku dadaalo inuu salaad waliba tukadaa waqtigeeda hore, waayo Rasuulku wuxuu caddeeyey in camalka wanaagsan uu ka mid yahay salaadda oo waqtigeeda la tukado. Waqtiga la dheereeyey ee salaadda waa naxariis xag Alle ah, uu uga *lay kuwaas aan sababa gaar ah awgeed kari karin ama ay ku adkaato inay salaadda waqtigeeda hore tukadaan.

Waxa keliya ee laga doonayo qofkii hilmaama ama hurdo uusan ku talagelin ay salaadi kaga tagto illaa waqtigeedii baxo waa inuu tukado salaaddaa isla marka uu xusuusto ama hurdada kasoo kaco.

Waqtiyada aan la Tukan Karin (Meydkana ayan Bannaaneyn in la Aaso)

Cuqbah bin Caamir (A.K.R.) wuxuu yiri:

“Seddex waqti ayuu Rasuulku innaga reebi jiray inaan tukanno ama meydkeenna aasno:

  1. Kolkay qorraxdu soo bixi rabto ilaa ay si dhab uga soo baxeyso.
  2. Kolkay qorraxdu cirka ku kala bartanto oo maalintii kala baranto illaa ay ka janjeerto qorraxdu oo ka gudubto madaxyadeenna (yacni bartanka ka gudubto, oo waxaa la sugi 20 daqiiqo oo ah inta ay qorraxda bartanka ka wareegeyso iyo madaxyadeenna).
  3. Kolkay qorraxdu dhici rabto illaa ay qorraxda ka dhacdo.”

Waxaa wariyey Muslim.

Waqtiyada Reebban in la Tukado Salaad Sunno ah

Abuu Saciid al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri:

“Salaad lama tukan karo salaadda subax dabadeed illaa ay qorraxda si dhab uga soo baxdo (oo in fallaar le’eg ay kor noqoto). Sidoo kale lama tukan karo sunno Casarka dabadi illaa ay qorraxdu ka dhaceyso.” Bukhaari iyo Muslim.

Salaadaha sunnooyinka ayaa reebban oo keliya waqtiyadaa, ha yeeshee waa la tukan karaa salaad faral ah oo ku seegtay. Culimada badankood waxay leeyihiin waa la tukan karaa salaad *urad ah oo la seegay salaadaha Subax ama Casar dabadood. Waxayna daliilsan xadiiskan: Rasuulkii Alle ﷺ wuxuu yiri:

“Qofkii illoobay salaad faral ah waa inuu tukadaa goor allaale iyo goortuu soo xusuusto.” Bukhaari iyo Muslim.

Hadday salaaddu ay sabab keentayna waa la tukan karaa waqtiyadaa. Tusaale haddaad masjidka soo gasho waa inaadan fariisan inaad labo rakcadood oo salaanta masjidka ah tukato maahee. Tixraac qowlkii Nebiga ﷺ:

“Qofkii masjidka soo gala yuusan fariisan intuu labo rakcadood oo sunno ah tukado maahee.” Bukhaari iyo Muslim.

Waxaa kale oo ka mida salaadaha asbaabta leh salaadda dawaafka oo ah 2 rakcadood oo la tukado *dawaafka kacbada 7 jeer lagu dawaafo kaddib oo iyaduna waqti kuma xirna, iyo wixi la mida.

Lama tukan karo salaad sunno ah salaaddii faradka aheyd oo la aqimay.

Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri:

Wuxuu yiri Rasuulkii Alle ﷺ:

“Haddii salaaddii faradka aheyd la aqimo, salaad la tukan ma jidho aan aheyn salaaddaa faradka ah.” Axmed iyo Muslim.

Sidaa awgeed haddii la aqimo salaad farad ah qofkii markaa billaabay salaad sunno ah, welina aan rukuucin waa inuu ka baxaa, haddiise la aqimo qofkii oo rukuucay kaddib, si khafiif ah ayuu u dhammeystirayaa, kaddibna ku biirayaa dhinaca Muslimiinta ee salaadda faradka ah tukaneysa.

Shuruudaha Salaadda

Waxaa jira shuruud waajib ah in laga helo markuu qofku doonayo inuu Alle (S.W.T.) u tidaa, shuruudahan mid ka mid ah haddii la waayo salaaddii ma ansaxeyso, salaaddii la *kadaana shuruudahan mid ka mid ah oo ma waa baadil aan ansaxayn. Waxayna kala yihiin:

  1. Islaamka, waa inuu qofka tukan Muslim muwaxid ah yahay oo shirki ka fayow,
  2. Waa in qofka tukan maanka iyo miyirkiisu kaamil yahay.
  3. Waa inuu yahay qof wax kala garan kara oo wax kala saari kara.
  4. Dhowrista waqtiga, waa inuu waqtigeeda soo galaa salaadda faralka ah ee la tukanayo,
  5. Waa inuu weeso (wuduu) qabo qofka doonayo inuu tukado oo daahir yahay.

Waa in oogada, maryaha, iyo meesha lagu tukanba ay ka maran yihiin, daahirna ka yihiin waxyaalaha xunxun ee wasakhda ah (najaasada) inay ku adkaato maahee daahirintooda, oo ay noqoto wuxuusan karin inuu wax ka qabto. Waxaana

ka mida waxyaabaha najaasada ah ee la doonayo jirka, maryaha iyo meesha aad ku tukan­ba inay daahir ka yihiin:

Dhiigga, matagga, kaadida, saxarada, xoolaha baqtiga aan hab islaami ah lagu bireyn, doofaarrada iyo eeyda calyadooda iyo dhareerradooda iyo waxay taabtaan.

  1. Oogada oo la asturo: Waxaa waajib ku ah ninka ragga ah ee inuu tukado doonaya inuu asturo ugu yaraan inta u dhaxeysa xuddunta illaa iyo jilbaha. sidoo kale waxaa la dooni in garbaha uu daboolo. Qofka dumarka ahina waa inay jirkeeda oo idil daboosho, marka laga reebo wajiga iyo gacmaha inta hore. Haddiise ay arkayaan rag gayaan ah oo ay ka ag dhow yihiin, wajiga iyo gacmaheeda way daboolaneysaa.
  2. Niyada oo aan la carrabaabeyn. Qalbiga oo keliya ayaad ka niyeysaneysaa salaadda aad dooneysid inaad tukado (faral ama naafilo miday ahaataba).
  3. U jiheysiga iyo qaabilaadda qibladda (Kacbada): Hadduuse qofku garan waayo halkay Kacbada ka jirto, cid u sheegtana waayo, meesha uu ku maleyn dadaal kaddib buu u jeesan, una tukan xaggeeda. Hadduuse qofku qibladda abbaari karin cadow hor jooga, cabsi ama xanuun awgood, sida uu yahay buu u tukan ee u fudud. Waana sidaa oo kale qofka musaafirka ah ee gaadiidka fuushan ee aan awoodin inuu joogsado ama u jeediyo naftiisa xagga qiblada, sida qof fuushan diyaarad, wuxuu ku tukan karaa kursigiisa isagoo meeshiisa fadhiya jiha ay u jeeddoba diyaaradda.

Inta rakcadood ay salaaddu ka koobanto

Salaad waliba waxay ka kooban tahay tiro go’an oo rakcado ah, rakcad kastana waxay ka kobantaa istaagid, rukuuc, fariisi iyo sujuud.

Salaadda subax waxay ka koobantaa laba rakca­dood, tan Duhur iyo Casarna tiiba afar rakcadood, Maqribkana seddex rakcadood, Cishahana afar. Salaadaha sunnooyinka ah badidood labo labo rakcadood baa loo tukadaa. Waxaa jira fadhi gaaban oo la fariisto dhammaadka labo rakcadood kasta kolka attixiyaadka la akhrinayo, iyo fadhi kale oo la fariisto dhammaad­ka salaadda, hadday ka kooban tahay salaaddu tiro ka badan labo rakcadood.

Ujeeddada Qarsoon ee Salaadda

Tilmaamaha aynu ku soo qaadan doono bogagga soo socda, waxay dabcan ka hadli doonaan qaybaha muuqda ee salaadda ee la xiriira camalka laga sameynayo jirka iyo carrabka.

Shaqada qaybahaa oo la hagaajiyo waxaa weeye qudheeeda camal cibaado ah oo wanaagsan, haddii dar Alle loola jeedo, qofkii gutaana oo sida ay tahay uga soo baxa, xilkii ka dhac camalkaa la xiriiray, salaaddiisana muuqaal ahaan iyo hab ahaan waa sax.

Ha yeeshee, waxaa jira oo ay salaaddu leedahay qaybo aan muuqan ee la iska doonayo: sida qofka inay maskaxdiisa joogto, oo ayan maqneyn, in laga helo khushuuc qalbigiisa iyo ka hey-heysi Alle, iyo dareen ah inuu hor taagan yahay Alle weyne, Rabbigii abuuray, ee irsaaqa, arrinkiisa oo idil maamulayey, waana qaybaha ugu muhmisan ee salaadda, ee Alle oo keliya uu og yahay, abaalkana uu ku bixiyo iyo ajarka weyn.

Maan iyo maskax joogidda iyo khushuuca qalbiyeed ee layska rabo kolka la tukanayo, waxay sida badan qofka ka saartaa buuqa nolosha casrigan, waxayna taa dooni dadaal joogto ah sida uu qofka maskaxdiisa uga saari lahaa arrimaha adduunka ee sheydaanku la soo taagan yahay inuu ku abuuraa maanka iyo maskaxda qofka. Arrintani waa inayan noqon sabab niyad jab, balse waa inay noqotaa sabab qofka u keenta inuu dadaal badan bixiyo taa oo raalli gelineysa Alle.

Kaalmo ahaan, si aad arrintaa ugu guuleysato waa inuu qofku mar waliba isku dayaa inuu maanka ku hayo kolka uu salaada ku jiro arrimahan:

  1. Cilmiga badan iyo awoodda weyn ee Alle uu leeyahay, iyo tilmaamhiisa sareba.
  2. Towxiidka, oo ah in cibaadada Alle loo gooni yeelo, oo keligi leeyhay cid kalena ayan bannaaneyn in lala wadaajiyo.
  3. Jaceylka, rajada, iyo cabsida aad Alle u heyso.
  4. Baahida weyn ee aad Alle u qabto, iyo inuu salaadda kaa aqbalo.
  5. Waa inaad garaneyso macaanida waxa aad salaadda ku akhriyeyso.

Aadaan iyo Iqaamah

Sida aad ogtahay, dalalka Muslimiinta aadaan ayaa kor laysugu yeeraa shan jeer maalintii, mase maqashay, oo ma lagaaga warramay siduu Aadaanka ku yimid iyo qisadiisa?

Qisada Aadaanka:

Waqti hore kolkay muslimiinta ka soo guureen Makkah, saldhigna ka yeesheen Madiina. Waxay ku heshiiyeen waqtiyo ay isla og yihiin inay salaadda jamaaca ahaan ugu wada tukadaan masjidka.

Waxaa dhib ku noqotoy dabadeed inay xusuustaan waqtigii ay ku ballameen salaadda, gaar ahaan kolkay shaqada ku mashquulsan yihiin.

Maalin bay Rasuulku iyo asxaabtii ka wada hadleen sida dadka loogu yeeri karo salaadda jamaacda waqtiga loogu tala galay.

Qaar baa waxay soo jeediyeen in wax la mid ah jaraska ay gaalada kirishtaanka ahi isticmaalaan la adeegsado. Qaar kalena waxay soo jeediyeen in la adeegsado wax la mid ah buunka ay Yuhuudda u adeegsadaan isugu yeeridda salaadda Cumarse ( A.K.R.) wuxuu soo jeediyey in qof ragga ka mid ah loo diro ogeysiinta dadka sa­laadda.

Markaa kaddib buu rasuulkii Alle (S.C.W.) u magacaabay Bilaal howshaa ah ugu yeeridda dadka salaadda.

Dariiqaddaas ma ayan noqon mid dadkii wada qancisa. Kaddib wuxuu oggolaaday Rasuulkii Alle (S.C.W.) in la isticmaalo naaquus la mid ah jaraska gaalada kirishtaanka ah, kumase faraxsaneyn inuu isticmaalo u ekaanteeda awgeed kaa gaalada kirishtaanka ah ay isticmaalaan.

Kolkuu rasuulka amar ku bixiyey in la sameeyo jaras la yeeriyo si ay dadku salaadda isugu yimaadaan, maalintaa qudheedii baa saxaabi ka mid ah asxaabti rasuulka ( S.C .W .) oo la yiraahdo Cabdullaah bin Zayd bin Cabd Rabbihi ayaa wuxuu yiri:

Anigoo hurda ayaan waxaa arkay nin sita jaras, waxaana aan ku iri: “Addoonkii Allow, mayga iibineysaa jaraska?” Markuu i weydiiyey “Maxaad ku fali?” waxaan ugu jawaabay, “Dadka salaadda ugu yeerayaa.”

Wuxuu yiri ninkii, “Maxaad ka qabtaa haddaan arrin ka wanaagsan kuu tilmaamo?”

Wuxuu ku jawaabay: “Waxba, balse waa soo dhoweyn,” markaa buu wuxuu ii sheegay inaan iraahdo:

“Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, Ash hadu an laa ilaaha illal laah, ash hadu an laa ilaaha illal laah, ash hadu anna Muxammadar rasuulul laah, ash hadu anna Muxamadar Rasuulul laah, Xayya calas sala Xayya calas salaah, Xayya calal Falaax, Xaya calal Falaax, Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, laa ilaaha illal laah.”

Aadaanka kaddib xoogaa buu ninkii aamusay kaddibna wuxuu yiri kolkay jamaacadu diyaar noqoto waa inaad tiraahdaa:

Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, ash hadu an laa ilaaha illal laah, ash hadu an-na Muxammadar Rasuulul laah, Xayya calas salaah, Xayya calal falaax, qad qaamatis salaah, qad qaamatis salaah, Allaahu Akbar, Allaahu akbar, laa ilaaha illal laah.

Kolkaan u sheegay rasuulkii Alle ( S.C.W.) subaxnimadii waxa aan arkay, wuxuu yiri wariyo xaq ah Alle idanki, ee Bilaal ku wargeli, kolkaad qabadsiisidna uuna xifdiyo, iyada ha isticmaalo kolkuu dadka salaadda ugu yeeray waayo isaga ayaa codkiisa xoog leeyahay, oo ka weyn midkaada.

Markaasaan Bilaal u tagay oo aan baray, Bila na iyada ayuu dadka ugu yeeri jiray salaadda.

Cumar bin Khaddaab ( A.K.R.) ayaa maqlay isagoo guiigiisa joogay oo yimid isagoo ordaya: wuxuuna yiri rasuulkii Allow ( S.C.W.) waxaan ku dhaartay kii xaqa kugu soo diray, waxaan aniguna riyo ku arkay intoo kale. Wu uu ku jawaabay rasuulkii Alle: Allaa mahad leh.(Daarmi, Axmed, Ibn Maajah, Ibn Khuzaymah, Tirmidi).

Sidaa awgeed laga soo billaabo maalintaa ilia maantadan aynu joogno, Aadaankaa ayaa ah sida loogu soo wada kulmiyo dadka salaadda jamaacada.

Mu’addinka

Qofka ugu yeeraya dadka salaadda jamaacada waxaa la yiraahdaa mu’addin.. intuusan aadaan- ka oran waa inuu u jeensdaa xagga kacbada Makkah, waa inuu kor u qaadaa gacmahiisa isa­ goo geynaya dhegaha, foodaha hore ee labada firood ee xiga suulka (murugsatooyinka) wuxuu saarayaa duleelka dhegaha afkooda hore.

Markaasna waa inuu dadka ugu yeeraa cod weyn. Markuu oranaya Xayya calas salaah waa inuu wajigiisa u jeediyaa xagga midgta, markuu Xayya calal falaax oranayana wuxuu u jeedin wajigiisa xagga bidixda.

Krayada uu ka kooban yahay Aadaanka:

Aadaanku waa sidatan:

Allaahu akbar. (Macnaha waa Allaa weyn)

Allaahu akbar. (Macnaha waa Allaa weyn)

Allaahu akbar. (Macnaha waa Allaa weyn)

Alaahu akbar. (Macnaha waa Allaa weyn)

Ash-hadu an laa ilaaha illal laah. (Macnaha waa waxaan ka marag kacayaa inaysan jirin ilaah xaq ah aan Alle aheyn)

Ash-hadu an laa ilaaha illal laah. (Macnaha waa waxaan ka marag kacayaa ini san jirin ilaah xaq ah aan Alle aheyn).

Ash-hadu anna Muxammadar rasuulul laah. (macnaha waa waxaan ka marag kacayaa in Muxammad yahay rasuulkii Alle)

Ash-hadu anna Muxammadar rasuulul laah. (Macnaha waa waxaan ka marag kacayaa in Muxammad yahay rasuulkii Alle)

Xayya calas salaah. (Macnaha waa salaadda u kaalaya)

Xayya calas salaah. (Macnaha waa salaadda u kaalaya)

Xayya calal falaax. (macnaha waa liibaan iyo kheyr u kaalaya).

Xayya calalfalaax. (Macnaha waa liibaan iyo kheyr u kaalaya’

Allaahu akbar. (Macnaha waa Allaa weyn)

Allaahu akbar. (Macnaha waa Allaa weyn)

Laa ilaaha illal laah. (Macnaha waa ilaah ma jiro xaq ah aan ahe Alle).