Suugaanta Carruurta Soomaaliyeed

Hordhac

Tusmo
Khiyaano – Axmed Xuseyn
Daruur, Dabeyl, iyo Qorrax – Aamina Shire
Diin iyo Bakayle – Maryan Axmed
Yaxaas iyo Dawaco – Maryan Axmed
Diidiin iyo Dawaco – Bashiir Muuse
Dawaco iyo Diidiin – Istar Cali
Gabadhii Caqliga Badnayd – Sucdi Cabdi
Gabar Qurux Badan oo Qoob Dameer Leh – Saytuun Jamaal Shariif iyo Raxmo Cali
Wiil Geel Ka Dhumay Gabadh Helay – Farxiya Cali
Riyadii Rumowday – Naciima Abuukar
Ina Boqor iyo Gabadhii Eyga Ahayd – Kaltuuma Cabdi
Siti Sanduuq Ku Jirto, Buuf Bannaanka Joogto – Faa’isa Xasan
Eeddo Dadqalato Ah – Xorriya Shire
Dheg Dheer – Aamina Shire
Dheg Dheer – Subeyda Axmed
Faaduma Farala’ – Faa’isa Xasan
Beenaale – Axmed Xuseyn
Aqoon Waxaa Leh Ninkii Wax Barta – Kaltuuma Cabdi
Saaxiibtinimo – Kaltuuma Cabdi
Qaalid – Kaltuuma Cabdi
Cigaal Shidaad – Subeyda Axmed
Suldaan – Farxiya Cali
Beecmushtar iyo Daanyeero – Kaltuuma Cabdi
Nin Baa Wuxuu Lahaa Hal Geel Ah… – Najma Xuseyn
Nin Reer Baaddiyo – Anisa Maxmuud

Khiyaano

Axmed Xuseyn

Bari baa waxaa jiri jiray xayawaan badan oo wada lahaa qaalin geel ah. Xayawaankaasi waxay kala ahaayeen Dawaco, Libaax, Mas, iyo Bakayle, iyo waliba waxaa kaloo la lahaa Dab iyo Biyo.

Dawacadu waxay ahayd khiyaanoolay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa dhacday dawacadii ayaa maskii ku tiri, “Waryaa Masow, libaaxu wuxuu rabaa in uu na wada cuno uu qaato qaalinta kaligiis; markaa orodoo soo dil.”

Markaa maskii sidii ayuu sameeyay.

Haddana dawacadii waxay u tagtay dabkii, waxayna ku tiri, “Waryaahee, maskii wuxuu dilay libaaxii, haddana wuxuu rabaa in uu na wada dilo; markaa orodoo soo gub.”

Sidii ayuu sameeyay.

Ka dib dabkii wuxuu ku dhacay biyihii, wuuna damay.

Aakhirkii waxaa isku soo haray dawacadii iyo bakaylihii.

Maalin maalmaha ka mid ah ayay waxay wada wateen qaalintii. Waxaana horay socday bakaylihii, gadaalna waxaa socday dawacadii.

Qaalintii geela ahayd ayay dabada wax uga dhufatay. Waxay is tiri, “Qaalinta waxay harraantinaysaa bakaylaha,” laakiin iyadii ayay harraantisay. Sidii ayay ku dhimatay.

Halka waxaa qaalintii ku qaatay bakaylihii.

Daruur, Dabeyl, iyo Qorrax

Aamina Shire

Bari baa waxaa jiri jiray daruur, dabeyl, iyo qorrax. Maalin maalmaha ka mid ah ayay dabeyshii tiri, “Anaa kaa xoog weyn, Daruuray.” Markaa way murmeen cabbaar: “Anaa kaa xoog weyn,” iyo “Anaa kaa xoog weyn.”

Dabadeedna qorraxdii ayaa tiri, “Labadiinaba anaa idinka xoog weyn.”

Daruurtii ayaa ku tiri qorraxda, “Iga maad xoog weynid.”

Dabeyshiina sidoo kale ayay ku tiri qorraxdii. Markaa qorraxdii waxay ku tiri
labadoodaba, “Waynu tashanaynaa saddexdeenuba, oo waxaynu eegaynaa midka xoog weyn.”

Intii ka dib waxay arkeen nin jidka maraya, waxayna ku tashadeen in ay ka saaraan jakadkuu xidhnaa. Dabeyshii ayaa tiri, “Anaa ka saarayaa jakaddiisa.”

Dabeyshii dhinac kasta ayay ka martay, laakiin labadiisa gacmood ayuu xoog ugu qabsaday si aanay dabeyshu uga bixin jakaddiisa. Dabeyshii way ka saari kari wayday.

Dabadeedna daruurtii ayaa xigtay, waxayna tiri, “Markaan qooyo, isagaa iska saari doona.”

Biyo badan ayay ku shubtay. Sidii sii le’eg iska muu saarin jakadkiisii, sababtoo ah waxay noqatay dhaxan. Intii ka dib qorraxdii ayaa tiri, “Ii baneeya; labadiinuba waxba ma haysan, aniga ka saaraya ninka jakaddiisa.”

Qorraxdii aad iyo aad ayay u kululaatay. Markaa ilbidhiqsi ayay ninkii ka keentay dhidid badan. Dabadeedna wuu iska saaray jakadkii. Daruurtii iyo dabeyshii waxay ogaadeen in laga xoog weynyahay labadoodaba.

Diin iyo Bakayle

Maryan Axmed

Bari baa waxaa jiri jiray diin iyo bakayle. Waxay ahaayeen saaxiibo wanaagsan oo isla nool. Diinka waxa uu ahaa mid caqli badan, laakiin waxa uu kaluu ahaa mid aad iyo aad u jiitama oo aad u socod yar. Bakayluhuna waxa uu ahaa mid yara fudfudud. Waxa kaluu ahaa mid aad u dheereeya xagga socodka ama orodka.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Bakayle yiri, “Diiinow, ila baratan.”

Waxay calaamad.ka dhigteen labo geed oo xarig dhexda uga xireen. Waxayna halkoodii ka bilaabeen orodkii. Ka dibna marka ay wax yar ordeen, ninkii bakayle la oran jiray inta uu qosol ku dhuftay ayuu yiri, “Anigu waan seexanayaa intaad sii gaatamaysid, ka dibna marka aan hurdadayda dhameysto ayaan ku soo gaarayaa adiga oon kala barkaba imaanin.”

Halkii ayuu Bakayle ku seexday, Diinna orodkiisii yaraa ku sii socday.

Waxa uu socdaba Diin waxa uu u dhowaaday meeshii xariga yaallay. Ninkii la oran jiray Bakayle ayaa ka soo kacay hurdadii, arkayna Diin oo meeshaba ka muuqan, ka dibna ka bilaabay orod, laakiin ninkii bakayle la oran jiray meeshaas ayuu ku haray oo Diin uga badiyay baratankii, maxaa yeelay, wuxuu dhibyareystay orodka. Diinna ku guuleestay isagoo ahaa mid yara jiitama. Sidaa awgeed ayay Soomaalidu ku maahmaahday, “Ninkii seexdo siciis dibi dhal.”

Bakayluhu hadduusan seexan diinku kama uusan raayeen.

Yaxaas iyo Dawaco

Maryan Axmed

Bari baa waxaa saaxiib ahaa yaxaas iyo dawaco. Dawacadu waxay ahayd mid caqli badan, waxayna ka cabi jirtay biyaha wabiga, meesha uu yaxaaska joogo.

Maalin ayay la kulantay yaxaas oo ay wada sheekaysteen. Marka dawacadu ma aysan lahayn carab, laakiin yaxaasku wuu lahaa. Dawacadii ayaa ku tiri, “Yaxaasow, waxaa jirto arrin aad iyo aad u wayn.”

Markaasuu ku yiri, “Waa maxay?”

Misay ku tiri, “Haddaan kuu sheego u malayn maayo in aad iga caawinaysid.”

Markaasuu ku yiri, “Waa ballan haddaan aqaano ama ogahay arrinka jiro in aan kaa caawiyo.”

Ka dib waxay tiri, “Waxaa la aroosayaa walaashay. Marka waxay rabtaa in loo alalaaso, oo anigana ma’aan haysto carab aan ugu alalaaso, ee waxaan kaa rabaa caawa in aad i amaahisid carabkaaga, si aan walaashay ugu alalaaso arooskeeda. Adigana aan kuugu soo celiyo, bari subaxdii marka aan biyaha soo doonanaayo.”

Sidii ayuu yaxaaskii u siiyey carabkiisii dawacada. Yaxaaskiina ku carab waayey, dawacadiina ku heshay carab. Marka waxaa lagu maahmaahaa, “Intaadan falin ka fiirso.”

Yaxaaska ka ma uusan fakarin waxa ku dhici doona bari. Maantana Yaxaas waa carab la’aan, Dawacana waxay leedahay carab, laakiin dhibaatada jirto, qofkii Dawaco la oran jiray, waa ka xaaraan biyo ay ka cabto wabi danbe, maxaa yeelay, yaxaas ooy sirtay ayaa halkaas weli ku sugaayo.

Diidiin iyo Dawaco

Bashiir Muuse

Maalin maalmaha ka mid ah, Diin iyo Dawaco waxay is ku dheheen in ay baxaan oo guri helaan. Markaas way is dagaaleen. Markii is dagaaleen, waxa is dhaheen jidka-cadka qaado, anigana jidka madowga. Jidka cadka waxaa qaatay didiinkii, dawacadiina waxay qaadatay jidkii madowba.

Markaas dawacadii waxay heshay guri oo jajaban oo folxulmo badan oo wasakh leh.

Didiinkii wuxuu helay guri qurux badan oo toddobo qolleh oo dheere badan.

Markaas ka bacdi, roob baa imaaday, markuu roobkii imaaday, dawacadii way qoyiday. Markaas way soo carartay, waxay u imaatay didiinkii gurigiisi, waxay ku tiraahday, “Guriggayga aa ka qurux badan.”

Waxay kalo ku tiraahday, “Haddii la i soo weeraro, meel kaste aan ka boodi karaa, laakiin adiga meel aa ka boodi kartid ma leh.”

Didiinkii wuu maseeray. Markaasna wuxuu dhahay, “Gurigaaga ii baddal.”

Markii gurigii kala baddashteen, roob xun oo kii hore ka darnaa imaaday.

Markuu roobkii imaaday, didiinku si xun uu u qooyay, markaasna wuu fahmay. Wuu soo orday gurigii dawacada intuu imaaday oo ayadoo huruddo, dab intuu qaatay oo dabada kaga daajiyay.

Dawacadii waa boodday, markii ay boodday, way orodday. Mar dambana, may soo laaban, didiinkii gurigiisi uu is ka deggena, ilaa uu nooloshiisa dhan, mar
dambana dawacadii ma arkin.

Dawaco iyo Diidiin

Istar Cali

Waxaa jiri jiray dawaco iyo didiin. Waxaa dhacay in ay gaajoodaan. Dawacadii baa waxay soo fakartay in ay ka guuran meeshay gaajada ahayd. Markaas baa waxaa ka hor yimid labo waddo oo midna caddahay, midna madowdahay.

Dawacada waxay moodday in aa waddada cad fiicantahay, sidaa oo ah didiinkii buu yiri, “Waa yahay.”

Markaas bay baxaan oo qateen labadii waddo. Didiinkii baa wuxuu helay guri weyn oo qurux badan oo nadiif badan. Dawacadiina waxay heshay guri jajaban oo duulduuleel ah, oo meel kastaba roobka soo galayo. Markaas bay ku dhaxamootay. Waxay soo fakartay in ay ka sirsiraato didiinkii gurigii qurux badnaa. Waxay ku tiri, “Gurigayga baa ka fiican, sababto ah gurigayga meel kasta ayuu ka duuleela. Markii oo cadowga imaado, meel kasta ayaan ka bixi karaa.”

Markaas buu dhahay, “Ma suubbinayi.”

Way ka tagtay, waxayna ku tiri, “Bari ka maalin, ha ii baryin.”

Markaas ayuu ku yiri, “Waa yahay.” Waxay u soo laabbisatay sidii colkii ayayna ka nixisay asaga. Markaas asaga oo ordayo buu gurigeedii tagay. Wuxuuna ku yiri, “Iiga baddalo gurigaaga.”

Sidii bay ku heshay gurigii, asagana ugu wareejisay gurigeeda.

Gabadhii Caqliga Badnayd

Sucdi Cabdi

Waa baa waxaa jiri jiray toddobo gabdhood iyo hooyadood. Maalin maalmaha ka mid ah, ciyaalka hooyadood waxay ku tiri, “Maanta waan baxayaa. Raashin ayaan idiin doonayaa.”

Waxayna ku tiri, “Markaan dhoho, ‘Fiifii khalfaroowa shukumaana mandee iridaan lamafuroowa,’ albaabka fura.”

Markaas kaddib way baxday. Waraabihii ayaa dhegeysanayay, markay hooyadooda u sheegaysay gabdhaheeda sirta. Ka bacdi wuu soo qarqaraacay albaabka asagoo isticmaalaya sirta uu maqlay.

Kaddib ciyaalka waxay dhaheen, “Hooyo waayo ee aan albaabka ka furno.”

Gabdhaha mid ka mid ah ayaa tiri, “Hooyo ma ahan, ee waa waraabihii.”

Mar saddexaadkii ayuu soo qarqaraacay; gabadhii caqli leeda ayaa waxay tiri, “Haddii aad furaysaan albaabka, dirin igu duuduuba ee i tiiriya.”

Markaas way sameeyeen, waxayna fureen albaabkii. Nasiibdaro, waraabihii ayuu noqday, wuuna cunay ciyaalkii oo dhan.

Markaas kaddib hooyadii ayaa imaatay oona waxay aragtay carruurtii oonu joogin. Ka bacdi gabadhii caqliga badnayd ayaa ka soo baxday dirinta oona u sheegtay wixii dhacay.

Hooyada waxay u dacwootay boqorka xayawaanada. Boqorka wuxuu is kuugu yeeray xayawaanadii oo dhan. Markaas kaddib god dheer ayaa la qoday, waxayna ka dhex shideen dab, markaasna waxay ka taageen waran. Boqorka wuxuu dhahay, “Qof kasta ha ka boodo godkaan, maadaama aan ogeyn qofkii cunay ilmaha.”

Xayawaanadii dhan way ka wada boodeen, waxaana ugu danbeeyay waraabihii.
Nasiibdaro, wuxuu ku dhacay godkii. Ilmihiina sidii ayay ku soo baxeen.

Markaas kaddib hooyadii ciyaalkeedii way wadatay. Shirkiina meeshaas ayuu ku dhamaaday.

Gabar Qurux Badan oo Qoob Dameer Leh

Saytuun Jamaal Shariif iyo Raxmo Cali

Waxaa jirtay gabar qurux badan oo cag dameer leh. Waxay ahayd gabar degmada lagu arko tan ugu qurux badan, waxayna lahayd jir aad u quruxsan.
Dumarka degmada ayaa ku sheekaysan jireen ama ka hadli jireen.

Sababtoo ah mar ayay timid degmada, markaa raggii degmada oo dhan ayaa u waasheen oo jeclaadeen; waxayna ka tageen dumarkoodii iyo reereheedii oo gabadhii quruxsanayd bay raaceen goor galab ah. Mana aysan soo noqon mar dambe. Gabadhu waxay ragga ula hadli jirtay si wanaagsan oo macaan.

Laakiin raggu ma ogayn in ay tahay jini.

Dumarkii degmada aad bay u xanaaqeen, markay ogaadeen nimankoodii in aysan soo noqonayn. Markaa wey is u tageen ama way shireen, waxayna go’aansadeen haddii gabadhii quruxda badnayd ku soo noqoto degmada ma arkin.

Koox arday dugsi sare ah ayaa arkeen gabadhii. Waxay ardadu sugayeen bas. Baskii baa ka daahay wayna daalanaayeen; qoraxduna way sii dhacaysay. Baskii muusan imaan, cid caawisana maysan helin. Waxay go’aansadeen in ay lugeeyaan. Markaa wiil ardayda ka mid ah ayaa yiri, “Ma lugeynayo.”

Ardadii kalana waxay dheheen, “Halkan kaagama tagi karno.”

Markaa waxay arkeen baabuur guduudan oo cusub oo gabar qurux badan wadato. Markaa waxay ku tiri ardadii, “In aan ni qaado ma rabtaan?”

Ardadii way wada hadleen dhexdoodii. Gabar ardayda ka mid ah ayaa tiri, “Ma raaci karno gabar aanaan garanayn.”

Ardadii kalana way ku raaceen, laakiin wiilkii hore u yiri, “Ma lugeynayo,” ayaa yiri, “Aniga ayaa gabadha quruxsan raacaya.”

Ardadii waxay ku dheheen wiilkii, “Ha raacin qof aadan aqoon,” laakiin wuu diiday, wuuna raacay gabadhii, wuxuuna u sheegay gurigiisa iyo meeshuu u socday.

Waxay tiri, “Iska iloow gurigaaga ee aniga ayaad i raacaysaa.”

Wiilkiina waxba ka muu dhihin arrintaa ee wuu iska aammusay. Moddo yar ka bacdi wiilkii wuxuu arkay gabadha cagteeda qoobka dameer u eg. Markaa wuu weydiiyay isaga oo naxsan.

Waxay tiri, “Anigu dad ma ahi ee jini baan ahay; ee ha ka baqin dhibaato, gabar wanaagsan baan ahaye.”

Ka bacdi wuu guursday gabadhii, dadkiisiina dib danbe uguma noqon. Ayada xataa dib danbe uguma noqon degmadii, waxayna ku noolayd xeeb iyo bad cidlo ah. Dumarkii degmaduna way sugayeen weligood weligood ilayn Quruxley baa nimankoodii dhacdaye.

Wiil Geel Ka Dhumay Gabadh Helay

Farxiya Cali

Sheekada waxay ku saabsantahay wiil oo geelii ka dhumayo. Markaa wiilkii wuxuu aaday magaalo loogu sheegay magaalada seytane way fogtahay.

Wiilka dadkiisa baaddiyo bay degnaayeen. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa wiilkii wuxuu dhahay, “Geelii magaalo halkaas ah ayaa la iigu tilmaamay.”
Markaa wiilkii wuxuu dhahay, “Geelii baan doonayaa.”

Markaa waddaha uu marayay duur bay ahayd. Habeen bay ku noqotay, in yar ka bacdi, roob badan baa soo dhacay. Wiilka habeenkii meesha ayuu seexday.

Roobkii hillaac xun buu lahaa. Dabadeedna wiilkii wuu gam’ay. Daqiiqad ka bacdi ayaa reer baaddiye gabadhoodii ayagoo banaanka ku caaweynayaan baa libaax gabadhii dhibsaday. Gabadhii libaaxii boodada ayuu uuga degay. Gabadhii habeenkii oo dhan baa libaaxii geedo suu ula dhacay.

Libaax gabadha lugtuu ka cunay, dhiig badan ayaa ka baxay. Libaax wuxuu geestay meeshii wiilkii geela raadinayay uu hurday, buu habeenkii meeshii soo dhiganayaa.

Markaasaa wiilkii sharqantii oo maqlay, ayuu ku kacay, tooshkii ayuu ku ifiyay. Wuxuu arkay libaaxii oo gabadhii cuni raba. Markaasuu wiilkii gabadha libaaxa ka reebayaa.

Libaaxii wuxuu damcayaa in uu wiilka cuno, balse wiilkii toorraydii uu watay buu libaaxii calooshii ka geliyay. Dabadeedna libaaxii wuu dhintay. Wiilkii go’ii uu watay, buu intuu qaaday ayuu gabadhii lugta uuga duuduubay. Wiilkii caws intuu soo qaaday buu wuxuu ka suubbiyay furaash.

Markaas ayuu gabadhii ku seexiyay cawskii uu uuga sameeyay furaashka.

Saacad ka bacdi waagi baa bariyay. Gabadha dadkeedii oo raadinaya meydkeedii ayay waxay arkeen wiilkii oo gabadhii kor fadhiiya. Gabadhii dadkeedii waxay ku dheheen wiilkii, “Aad iyo aad baa u mahadsantahay, maana u maleynaynin in ay gabadhayada noolaanayso. Kolba waxaan is lahayn, haddii aa lafeheedii heshin intaa isku soo arooriisaan adduugteen.”

Dabadeedna gabadhii reerkoodii gurigii bay u qaadeen. Gabadhii wax badan bay tabcaan ahayd. Wiilkii wuxuu ku dhahay reerkii gabadha daalay, “Gabadha waxay u baahantahay in la baanto sida lugta xoog u yaalato.”

Gabadhii wax badan baa la baanin jiray. Gabadhii sareerta may ka soo kici jireen. Reerkii gabadhii daalay ayaa waxay weydiiyeen wiilkii tuulada uu u socday. Markaas wuxuu ku dhahay, “Geel baa iga dhumay. Geelii baa raadinayay.”

Reerkii waxay dheheen, “Geel soo dhumay baa wuxuu joogaa balli cabbaar noo jira.

Waxaa laga yaabaa geelaas amay kuwaagii yihiin.”

Wiilkii balligii loo tilmaamay, buu aaday. Geeliisii buuu ahaa geelaas. Geelii intuu
kaxeeyay, buu magaaladiisii ku celiyay.

Afar maalmood ka bacdi, wiilkii wuxuu soo fiirinayay in ay gabadhii libaaxii uu ka badbaadiyay lugtii in ay u fiicnaatay. Markaasaa gabadha reerkeedii bay waxay ku dheheen, “Wiilkaan waa wiilkii libaax kaa reebay.”

Gabadhii wiilkii waxay ku dhahaysaa, “Abaalkaaga ma gudi karo, waayo naftayda ayaa badbaadisay.”

Gabadha markay biskootay ayaa reerkii gabadha daalay ayaa la siiyay wiilkii gabadha badbaadiyay. Shan maalmood ka bacdi wiilkii gabadhii ayuu guursaday. Sheekada intaas bay ku dhamaatay.

Riyadii Rumowday

Naciima Abuukar

Waa baa waxaa jiri jiray gabar qurux badan oo ka dhalatay reero boqor. Gabadhaas waxay jeclayd in ay hesho wiil qurux badan, wayna kuriyoon jirtay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxay aadday bannaanka meel u dhow gurigooda. Gurigoodana waxay lahaayeen barxad weyn iyo caws badan iyo ubaxyo badan. Waxayna aragtay wiil fuushan faras oo xiran maaskaraato wajiga. Way u carartay ayadoo u yeerayso oo leh, “Waar kaalay, kaalay, kumaad ahayd?”

Dabadeedna wuxuu ceeriyay faraska oo wuu tagay.

Markaa waxay weydiisay waardiyaha ilaaliya guriga iyo bannaankaba.

Wuxuuna ku yiri, “Waa inan ka dhashay reero boqor oo u yimid booqasho.”

Markaasay ku laabatay guriga oo ay fakartay. Waxay is weydiisay, “Yuu ahaa wiilkan?”

Waxay u wacday naagta shaqaalaha, waxayna tiri, “Waxaan rabaa in aan ogaado wiilkan.”

Waxay ugu jawaabtay, “Waa inankii reer Jeele oo miyaadan aqoonin?”

Waxayna ugu jawaabtay, “Alla waxaan aqaanay inan jiro bari oo ka dhashay reer Jeele, laakiin ma’aanan ogayn in uu yimid.”

Maalmo ka bacdi ayaa wiilkii ku soo laabtay guriga, waxaana la baray gabadhii.
Markaasay meeshii iska jeclaadeen, dabadeedna labada waalid ayaa go’aansadeen in la isi siiyo wiilka iyo gabadha. Waana la isku daray oo la isku guuriyay. Waxayna gabadhii tiri, “Waxaan helay wiilkii aan kuriyoon jiray.”

Ina Boqor iyo Gabadhii Eyga Ahayd

Kaltuuma Cabdi

Bari baa waxaa jiri jiray wiil ina boqor ah oo la yidhaahdo Faysal. Faysal aabbihii wuxuu oran jiray mar walba, “Wiilkaygiiyow, goormee guursan doontaa, maxaa yeelay, aniga iyo hooyadaaba waan gebownay, oo waxaan jeclaan lahayn in aad guursato, oon boqortooyada kugu wareejino.”

Faysalna intuu xoogaa aammuso ayuu oran jiray aabbihii, “Aabbo, aniga kama helo gabdhaha boqortooyadeenna deggan.”

Maalin maalmaha ka mid ah, Faysal oo dabaqooda korkiisa ka fiirsanaya badda ayuu arkay gabar ku dabaalanaysa, oona ku dabaalanaysa meel dadka kale ka fog. Markaasuu intuu dabaqa gudihiisa u soo cararay ayuu aabbihii u sheegay in ay gabar cusub magaaladu ku soo biirtay, uuna doonayo in uu guursado.

Faysal muusan ogayn in gabadha uu doonayo laga aqoon magaalada. Marka Faysal gabadhii meel walba ayuu ka raadiyay, laakiin wuu heli waayay.

Maalin ayadoo dabaashii ka socota ayuu gurigeedii u raacay, ayadoosan ogayn. Markii uu arkay iyadoo aqalkeeda galayso ayuu xaafaddiisa isaga soo laabtay.

Faysal wuxuu kaloo ogaaday in gabadhaas loo yaqaano, gabar ey ah, waayo waxay u labbisan jirtay sida eygoo kale.

Maalin maalmaha ka mid ah Faysal ayaa gabadhii booqasho ugu tagay, isagoo u wada dhar qurux badan. Markuu gurigeedii imaaday ayadoo qubeysanaysa, dharkeedii eyga jirkiisa u ekaa ayuu ka soo qaaday, uguna baddalay dharkuu u waday. Gabadhii markay dharkii cusbaa ku soo baddalatay oo banaanka u soo baxday, markaas ayuu Faysal la yaabay quruxdeeda.

Faysal gabadhii intuu kaxeeyay ayuu is baray ayada iyo waalidkii.

Markii muddo badan maalintaa laga joogay, Faysal intuu gabadhii guursaday ayay boqoraddiis noqotay.

Siti Sanduuq Ku Jirto, Buuf Bannaanka Joogto

Faa’isa Xasan

Waa baa waxaa jiri jiray nin qabo labo naagood. Waxayna u kala dhaleen labo gabdhood.

Gabadha waxaa la kala dhihi jiray Siti iyo Buuf. Labada gabdhood waxaa qurux badnayd Siti. Nasiibdaro Siti hooyadeed way dhimatay ayadoo yar. Siti danta waxay ku kalliftay in ay la noolaato naagta aabbeheed qabo. Siti koriimadeedii waxay la kulantay dhibaatooyin aad u badan, waayo naagta aabbeheed qabo ma jecleen Siti oo waxay uga maseeri jirtay gabadheeda. Gabadheeda waxay ahayd gabar aad u foolxun. Sidaa daraadeed waxay siin jirtay Siti cuntada ay gabadheeda soo reebto. Mararka qarkood waxay siin jirtay baranbaro.

Hawsha guriga ayay ku qaban jiray, dhulka ayay jiifin jirtay, way dili jirtay, dharka aabbeheed uu u keeno way ka qaadi jirtay, oo waxay siin jirtay gabadheeda. Siti markay nafta uu yaabto waxay aadi jirtay qabriga hooyadeed ayadoo ooynaysa oo oranaysa, “Hooyooy, cuntadayda reereeb, sariirtayda dirin.”

Waxay u sheegtay dhibka haysta oo dhan. Ka bacdi hooyadeed waxay u sheegtay in ay aaddo geela awooweheed, ayna ku tiraahdo, “Geela awoowow, afka haah dheh.”

Markaas wuxuu ka nadiifin jiray wasaqda oo dhan, wuxuuna siin jiray cunto fiican.

Maalin maalmaha ka mid ah waxaa dhacday in boqorka wiilkiisa loo dhigay xaflad weyn.

Xafladdaas oo ah in uu wiilka boqorka qaangaaray, uu raboodayna in uu guursado gabar.

Boqorkana wuxuu amar ku baxshay dadka oo dhan in ay ka soo qaybgalan xafladda, qaas [f=khaas] ahaan gabdhaha, siduu wiilkiisa uga doorto gabadha gabadhaha ugu quruxda badan.

Siti waxay jeclaatay in ay ka qaybgasho xafladda. Nasiibdaro waxaa u diidday eeddadeed, oona ku xirtay sanduuq. Siti eeddadeed waxay bilaawday in ay gabadheeda u labbisto, ayna u xirto dhar wanaagsan oo aad u qurux badan, siduu u doorto wiilka boqorka. Markii xafladda la wada imaaday, wiilka boqorka ayaa soo baxay, asagoo korsan faras aad u qurux badan. Wuxuuna ku wareegay gabadhaha xafladda imaaday, asagoo ka xulanaya gabadha noqon doonta xaaskiisa. Nasiibdaro wiilka boqorka kama helin gabadhaha xafladda imaaday, dibna ayuu uga noqday.

Isla markiiba boqorka amar dagdag ah ayuu bixiyay in guri kasto la baaro, lagana soo baxsho wixii gabar ah oo ku haray. Askarta guryaha guri ka mid ah ayagoo baarayaan ayay arkeen shimbir sanduuq ku taagan, kuna heesaysa, “Siti sanduuq ku jirto, Buuf bannaanka joogto.”

Askartii waxay dhegeysteen waxay shimbirta dhahayso, waxayna fahmeen in sanduuqa qof ku jira. Ka bacdi way ka soo saareen, waxayna noqotay gabar aad u qurux badan. Isla markiiba si dagdag ah ayaa gabadhii iyo gabadho kale oo laga soo helay guryaha ayaa la keenay xafladdii. Boqorka wiilkiisa mar labaad ayuu ku soo wareegay gabdhaha xafladda ka soo qaybgalay. Nasiib wanaag wuxuu ka helay Siti.

Sidaa daraadeed Siti waxay noqotay reer boqor.

Eeddo Dadqalato Ah

Xorriya Shire

Bari baa waxaa jiri jiray nin iyo naagtiisa. Waxayna ahaayeen reer miyi. Waxayna haysteen labo ciyaal ay dhaleen. Waxayna kala ahaayeen gabar iyo wiil. Waxaana weynaa wiilka. Wiilkuna wuxuu jiray toban sano. Gabadhuna waxay jirtay siddeed sano. Waxayna haysteen xoolo badan. Labada ciyaalka ayaa u raaci jiray xoolaha.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa dhacay ciyaalkii hooyadood ayaa dhimatay.

Markaas baa ciyaalkii silceen oo hooyo la’aan ku dhacday. Markaas baa aabbohood wuxuu sameeyay naag kale ayuu guursaday. Markaas baa naagtii, maalin maalmaha ka mid ah ayay ilmihii waxay u dirtay duurka, si ay qoryo u soo guraan, arigana u ilaaliyaan. Markay baxeen ayay odaygii qalatay, sababtoo ah naagtii waxay ahayd dadqalato. Markii danbe ayay ilmihii ku soo noqdeen gurigii oo ay aabbohood waayeen. Markaas bay dhaheen, “Meeye aabbeheen?”

Markaas bay dhahday, “Ma arkin.”

Wax yar ka bacdi ayaa ilmihii waxay arkeen dhiig. Sariirta korkeeda ayay ku arkeen dhiigga, waxayna arkeen aabbohood oo dhintay. Waxay isla markii bilaabeen in ay ka cararaan gurigii. Naagtii eeddadood ayaa bursatay, laakiin way gaari waysay. Way ka fagteen ooy magaalo kale ku galeen.

Dheg Dheer

Aamina Shire

Bari baa waxaa jiri jiray naag la yiraahdo Dheg Dheer. Dheg Dheer waxay ahayd naag dadka cunta. Maalin maalmaha ka mid ah waxay guriga uga tagtay inanteeda. Markaa inanteedu ma aha dad cun. Waa inan wanaagsan oo markay hooyadeed rabto inay cunto dadka way ka qarisaa. Maalin baa waxaa u yimid inanteeda labo gabdhood oo raba inay ka cabbaan biyo gurigii dad qalatada, sababtoo ah way daalanaayeen. Mayna ogayn guriga waxaa deggen naag wax cunto. Intaanay dhameyn biyihii dad qalatadii gabadheeda ayaa tiri, “Dhuunta, hooyaday ayaa soo socota.”

Markaa waxay hoosgaleen alaabtii guriga hoos taallay. Markay gabdhihii dhuunteen bey Dheg Dheer timi. Markaasay tiri, “Waxaa ii uraya naaso gabdhood.”

Gabadheeda ayaa tiri, “Hooyo, kuweyga ayaa kuu uraya; ma in aad i cunto ayaad rabtaa, hooyo?”

Intii kaddib way seexatay. Labadii gabdhood iyo dad qalatada gabadheeda ayaa waxay ku tashadeen in ay dilaan dad qalatada. Waxay u karkariyeen saliid. Markaa waxay uga shubeen dhegaha. Saddex minid ka bacdi way dhimatay. Dadqalatada gabadheed way rabtay in ay hooyadeed dhimato, sababtoo ah waxay aad u cuni jirtay dadka masaakiinta ah.

Dheg Dheer

Subeyda Axmed

Dheg Dheer waxay ahayd naag dadqalato ah, waxayna dhashay saddex gabdhood. Mar walbana waxay jecleyd inay dadka soo sasabato. Markay guriga keentana, waxay ugu sheekeyn jirtay wax aan jirin. Marka ugu danbeysana waxay u kaxaysan jirtay gurigeeda, meesha ay dadka ku cunto. Waxayna ka dhuuqi jirtay dhiiga.

Maalintii ugu danbeysay, ilmaheedii ayaa waxay isku dayeen inay dilaan, maxaa dhacay, maalin walba dadka ayay cuntaa. Waxayna ugu sheekeeyeen inay u soo heleen qof ay cunto, waxayna u diyaariyeen biyo kulul inay ku ridaan.

Markii ugu danbeysay biyihii ayay ku rideen. Sidaas ayay ku dhamaatay sheekadii: Dheg Dheer dhimataa, dhulkii roob baa ka da’ay.

Markay dhamaatay, gabdhaheedii way guursadeen, waxayna dhaleen ciyaal.

Faaduma Farala’

Faa’isa Xasan

Waxaa jiri jiray shan gabdhood oo la noolaan jireen aabbohood. Sida la joogay nin ayaa u imaaday. Ninka wuxuu warsaday gabdhaha aabbohood in uu siiyo gabadhiisa gabar ka mid ah. Markaas wuxuu siiyay gabadhiisa midda ugu weyn.

Ka bacdi marka uu aroosay ayuu watay. Intay jidka ku jireen, ninkii gabadhii ayuu cunay.

Markaasuu soo laabtay asagoo oranaya, “Adeer, xaaskayga way iga jirrantahay; gabar kale ayaan rabaa oo ii shaqeynaysa intay naagtayda iiga caafimaadayso.”

Ka bacdi gabar kale ayaa la siiyay. Haddana intay jidka ku jireen ayuu cunay. Mar saddexaad ayuu soo laabtay, haddana gabar kale ayuu warsaday, asagoo oranaya, “Adeer, gabadhii kale beer ayay ii falaysaa ee mid kale i sii oo ariga ii raacdo.”

Haddana mid kale ayaa la siiyay. Intay jidka ku jireen ayuu cunay. Sidoo kale middii afaraadna wuu cunay. Ka bacdi wuxuu soo doontay gabadhii ugu yarayd oo la oran jiray Faaduma. Ayadana waa la siiyay; laakiin Faaduma aad ayay u caqli badnayd. Waxayna tiri, “Waqti ha la i siiyo,” maxaa yeelay, way shakisay oo waxay dareentay ninka in uu yahay qoormaris. Isla markiiba waxay diyaarsatay alaab. Alaabtaas waxaa ka mid ahaa bisbaas, cusbo, iyo liin dhanaan ay isku qastay si ay isugu badbaadiso haddii ay wax dhacaan.

Maalintii labaad ayay safarkii bilaabeen ayagoo raacaya geel. Markay cabbaar socdeen ayaa ninkii ku yiri, “Iga nasi geela si aan u nasto.”

Faaduma ayaa wadday geelii oo waxayna aragtay geela tuurtiisa oo la cunay. Geelii ayaa orday oona iska tuuray Faaduma iyo alaabtii geela saarnayd. Faaduma aad ayay u naxday, maxaa yeelay, meel ay aaddo ma haysanin. Markaasuu bursaday, laakiin geed ayay ka kortay.

Ka bacdi wuxuu isugu yeeray xayawaanadii oo dhan, si ay u cunaan Faaduma, laakiin waxay dagtay sir fiican. Xarig ayay geedka ka laalaadisay, waxayna ku tiri, “Qofkii xariga soo kora ayaa i cunaya.”

Markay soo koraanba xariga ayay u jartaa, waxayna ku dhacaan ceelka. Laakiin wali ma soo daggan karto, maxaa yeelay, dadcunka dhiiggiisii ayaa ku haray hareeraha ceelka oo hadday taabato way dhimanaysaa.

Shimbir ayaa u timid oo baalla’. Waxayna ku tiri, “Haddii aan baalka kuu daaweeyo, fariin ma iigu geynaysaa ciddayda?”

Shimbirtii way yeeshay go’aankii, ka bacdina waxay geysay fariintii. Aabbeheed ayaa soo raacay shimbirtii oona keentay geedkii ay Faaduma saarnayd. Markaas aabbeheed wuxuu dhaqay dhiiggii meelaha ku daatay. Sidaasaytana Faaduma soo dagtay, laakiin Faaduma farteedii ayaa ka go’day, maxaa yeelay, dhiig yar oo meesha ku haray ayay taabatay.

Sidaasayna dadka ugu waceen, “Faaduma Farala’.”

Beenaale

Axmed Xuseyn

Bari baa waxaa jiri jiray nin shactiroole ah. Wuxuu qabay naag reer baaddiye ah. Wuxuu iskaga dhigay nin jaamici ah laakiin waxba muusan aqoonin. Wuxuu ku yiri, “Waxaan ka soo baxay jaamacad.”

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa dhacday in naagtuu qabay loo keenay waraaq ka timi reerkoodii. Markaa waxay u keentay ninkeedii. Waxay ku tiri, “Ii akhri waraaqdaan,” laakiin isagu ma yaqaano sida wax loo akhriyo.

Wuxuu ku yiri, “Waraaqda ma gaari baa lagu keenay?”

Markaa waxay tiri, “Haa.”

Wuxuu yiri, “Jidadka Soomaaliya way jajabanyihiin; marka baabuurka ruxrux maayay bay fartii waraaqda ku qornaa isku dardarsantay. Markaa ma akhrin karo.”

Markaa waxay ogaatay in uusan oqoonin sida wax loo akhriyo.

Aqoon Waxaa Leh Ninkii Wax Barta

Kaltuuma Cabdi

Bari baa waxaa jiray nin jikaar ah oo la yidhaahdo Cumar. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cumar wuxuu u yimid oday aqoonyahan ah. Odayga waxaa la oran jiray Bilaal.

Cumar intuu Bilaal masaajidka ugu yimid ayuu wuxuu ku yidhi, “Sheekhow, waxaan ogahay in shaydaanku ka samaysan yahay dab-marka haddii naarta la galiyo, maxay ka dhibaysaa?”

Bilaal intuu aammusay xoogaa ayuu Cumar ciid indhaha uuga firdhiyay. Cumar intuu indhaha qabsaday ayuu xanaaq ku baxay. Dabadeed wuxuu la yimid labo nin oo askar ah.

Labadii nimood wuxuu midkood ku dhahay Bilaal, “Ninkaan wuxuu kugu haystaa in aad caro ku firdhisay; marka arrintaan run miyaa?”

Bilaal wuxuu yidhi, “Su’aal ayuu i weydiiyay, caraduna waxay ahayd jawaabtiisii, waayo bani-aadanku wuxuu Illaahay ka sameeyay caro. Markaan asaga carada ku firdhiyayna intuu xanuunsaday ayuu indhaha qabsaday. Taasi waxay na tusaysaa in uu shaydaanku sidaas oo kale u xanuunsanayo haddii naarta la galiyo isagoo dab laga sameeyay.”

Saaxiibtinimo

Kaltuuma Cabdi

Bari baa waxaa jiri jiray labo wiil oo saaxiibo ah, oo la kala yidhaahdo Cali iyo Xasan.

Maalin maalmaha ka mid ah waxay tageen duurka. Ballantoodii waxay ahayd in ay kala cararin haddii uu midkood arko bahal. Xoogaa markay socdeen ayaa wuxuu Xasan arkay shabeel. Markaasuu intuu cararay ayuu geed dushii koray. Cali markii uu shabeelkii arkay ayuu intuu dhulka seexday, iska dhigay qof mayd ah. Shabeelkii intuu Cali uriyay ayuu iska tagay. Xasan markuu arkay in uu shabeelkii tagay ayuu u yimid Cali, markaasuu ku yidhi, “Saaxiibow, in uu shabeelkii dhegta wax kuugu sheegaayay ayaan arkee; muxuu kuu sheegay?”

Cali intuu dhulka ka soo is taagay ayuu ugu jawaabay, “Wuxuu igu yidhi, ‘Saaxiibadaada duurka kaaga cararaayaan ha la saaxiibin.’ Saaxiibtinimadaadana ma doonaayo.”

Qaalid

Kaltuuma Cabdi

Bari baa waxaa jiri jiray wiil la yidhaahdo Qaalid. Qaalid wuxuu la degganaa aabbihii oo waayeel iyo indhooleba. Maalin waxaa dhacday in uu Qaalid u wado aabbihii duurka.

Markay cabbaar badan duurka ku socdeen ayuu Qaalid arkay geed hoosleh. Markaasuu ku yidhi, “Aabbo, geedkaan hoostiis ayaan ku fadhiisinayaa; waxaanna kuu soo laabanayaa galabta.”

Qaalid intuu tagay ayuu u soo laaban waayay aabbihii. Markii ay qorraxda dhacday, dhurwaa ayaa aabbihii cidlada ku cunay.

Qaalid markuu geboobay, inankiisii ayaa keenay oo fadhiisiyay isla geedkii, uuna ku yidhi isla erayadii uu aabbihii ku yidhi. Qaalid inankiisii wuxuu ku yidhi, “Orod oo iska tag, maxaa yeelay aniga ayaa aabbahay geedkaan uuga tegay, ku idhina waxaad igu leeday, oo suuna dhurwaa ku cunay.”

Qaalid wiilkii wuu ka tagay, isagoo og in uu aabbihii ku dhacayn wixii awawgii ku dhacay, laakiin markii uu galabtii u soo laabtay, wuxuu arkay aabbihii oo dhurwaa cunay, markaasuu iska ooyay.

Cigaal Shidaad

Subeyda Axmed

Cigaal Shidaad wuxuu ahaa nin aad iyo aad fulay u ah, oo wuxuu ka cabsan jiray
hooskiisa. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cigaal loo yeeray si uu ugu qayb qaato duulimaad, lagu duulayo cadow. Waxaana la diyaariyay fardihii iyo raggiiba; waxaa loo duulay dagaalkii. Wax yar ka bacdi, markii labadii col is galeen ayuu Cigaal soo dusay oo uu ku noqday meeshii dumarkii iyo carruurtii oo dhaawac iyo dhimashaba sugaya joogeen.

Waxayna weydiyeen Cigaal, “Maxay tahay waxa kaligaa ku soo celiyay?”
Wuxuuna u sheegay been oo wuxuu ku dhahay, “Raggii iyo fardihiiba waa la madhiyay.”

Markii dumarkii ay maqleen way baroorteen, carruurtiina way ooyeen. Fiidkii ayaa waxaa soo noqday, ciidankii iyo fardihii oo aan waxba ka maqnayn, dadkii oo dhan waxay ku qayliyeen oo ay caayeen Cigaal oo meel isku nabaayo.


Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cigaal wuxuu raacay geel badan oo ay ku jiraan labo halaad oo uu leeyahay. Markuu gaaray, daaqii ayuu meel kayn ah oo cagaaran ku duway, si ay u cunaan, dabadeedna uu uga maalo caano badan halihiisa caawa. Isla markay gaadheen halihii ayddii ayaa libaax soo galay, labadiiba dilay oo cunay asagoo arkaya.

Geelii buu galabtii danbe soo carraabiyay, asagoo ugu heesaya, “Wixii Ayro dilay, Alifana kordhigay, waan arkaayoo wuu ilgiiraa, dameer le’ekaa, kase dabo waynaa.”

Dabadeedna wuu soo xareeyay geelii.

“Walaalkii halahayga maalow, kuwaaga caawa ii lis.”

Wuu u lisay, markuu cabayna wuu iska seexday. Markuu soo kacay ayaa waxaa la yiri, “Cigaalow, na soo tus meeshii halihii lagu cunay.”

Cigaal ayaa yiri, “Haddii kun dhinac iga maraan, anna aan dhexda galo, waan idin soo tusi raqdii geela.”

Dabadeed dad badan ayaa raacay… oo libaaxii dilay. Habeenkii meeshii libaaxa lagu dilay ayaa la seexday. Markuu gam’ay Cigaal ayaa lugtii libaaxa lagu xidhay lugtii Cigaal, libaaxiina afka qori looga kalaqaaday. Subaxii ayuu arkay lugtiisa oo libaaxii la dilay ku xidhan. Dabadeed markuu xariggii iska furay ilaa gurigii ayuu cararayay oo uu xaar isku sii daynayay. Asagoo qaylinaya ayuu gurigiisii galay. Dabadeedna ku yidhi naagtiisii, “Naa oodda igu rog.”

Markaasay tiri, “Maxaa kaa soo uraya?”

Afadiisii ayuu la soo baxay oo wuxuu ku yiri, “Daruur qudhuntay ayaa igu da’day.”

Dabadeedna way ka maydhay Cigaal qudhunkii. Meeshaasna waxaa ku dhamaatay sheekadii Cigaal Shidaad oo ahaa nin fulay ah oo ka cabsado xataa shinbirta duulaysa.

Suldaan

Farxiya Cali

Suldaankuna geeso lahaa. Ka bacdi, ninka u shaqeynayay geesihiis arkay. Markaa suldaankii wuxuu ku dhahay ninkii, “Maxaad aragtay?”

Wuxuu yiri, “Suldaanow, geesahaaga ayaan arkay.” Ka bacdi, Suldaanka ninkii buu u dhaartay. Wuxuu yiri, “Haddaan maqlo suldaanka magaalada jooga geeso ayuu leeyahay, waan ku gowracayaa.”

Ninkii u dhaartay baa uur xumo gashay. Ka bacdi, ninkii magaalada ayuu ka baxay.

Dabadeedna afar casho ayuu socanayay. Meeshuu tagay ayuu god ka qoday. Dabadeedna godkii buu afka saaray. Markaasuu wuxuu ku yiri, “Suldaanka magaalada jooga geeso ayuu leeyahay.”

Markaasuu god ku xabaalay, meeshiina roob baa ku da’ay. Markuu ku da’ay, naq baa ka soo baxay. Riyihii naqii bay cuneen; markaasaa carruurtii caanaha loo lisay. Caanihii markay cabbeen bay ku hadleen, “Suldaan magaalada jooga geeso ayuu leeyahay.”

Markii hadalkii la maqlay, Suldaankii ninkii buu qaabsaday. Wuxuu yiri, “Yaa warka sheegay?”

Ninkii wuxuu yiri, “Suldaanow, afar casho ayaan socanayay. Markaasaan god qoday baan godkii afka saaray. Markaa godka baan ku iri, ‘Suldaanka magaalada jooga geeso ayuu leeyahay.’ Markaa meeshii baa roob ku da’ay. Markaasna meeshii ka soo baxay naqii, riyooyin baa naqii cuneen. Riyihii baa carruurtii loo lisay, ku hadqaaday. ‘Suldaanka magaalada jooga geeso ayuu leeyahay’ baa carruurtii dheheen. Magaaladii warkii baa ku faafay.”

Beecmushtar iyo Daanyeero

Kaltuuma Cabdi

Waa baa waxaa jiri jiray nin beecmushtar ah oo gadi jiray koofiyaal. Maalin asagoo koofiyaashiisii geed hoostiis ku gadaaya ayuu intuu hurdooday iska seexday. Markii uu xoogaa badan hurdaayay ayuu soo kacay galabtii, wuxuuna arkay koofiyaashii uu gadaayay oo ka maqan meeshuu uga tagay. Markuu alaabtiisii meel walba ka waayay ayuu geedka korkiis fiiriyay. Markaasuu arkay daanyeero qaba koofiyaashii.

Beecmushtarka wuxuu ogaa in ay daanyeeradu ka dabasameeyaan dadka waxay
sameeyaan.

Markaasuu koofiduu qabay tuuray. Dabadeed markaa daanyeeradii kuwoodii ayay tuureen, isaguna intuu koofiyaashii soo xaabsaday ayuu la cararay.

Nin Baa Wuxuu Lahaa Hal Geel Ah…

Najma Xuseyn

Sheeko ku saabsan nin iyo naagtiis. Nin baa wuxuu lahaa hal geel iyo soddon ari ah.

Hashii waa u dhali wayday.

Nin buu u tagay. Ninkii wuxuu ku yiri in uu geela iibbato baa rabaa:

“Hal baa leeyahay, hashiina way ii dhali wayday, ee maxaan sameeyaa?”

Wuxuu ku dhahay, “Waryaa, doqon baad tahaye: waxaa ku xirtaa god libaax afkiisa.

Markay tiraahdo ‘Caaa,’ waxaa tiraahdaa ‘Cawo nirig’ ee waxaa qashaa ari soddon jeer.

Markay tiraahdo ‘Caaa,’ adiguna waxaa tiraahdaa ‘Cawo nirig.’”


Naagtiisii ayuu ku yiri, “Naayaa, ari ii keen.”

Markaas ayay ku tiri, “Arigii wuu dhamaaday ee iga tag.”

Markaas ayuu ku yiri, “Naa, haddaan caawa kuu imaado, haddaanna saas kuu marinin mindi.”

Asagii baa is mariyay. Saas buu ku dhintay.

Markaas bay ayadiina ku tiri, “Waryaa, anigana haddaan kuu imaado, haddaanna saas kuu marinin mindi.”

Ayadiina mindi bay is marisay, wayna dhimatay.

Sidii buu ninkii ku dhintay, naagtiina ku dhimatay, xoolihiina ku dhamaadeen.

Soomaalidu waxay tiraahdaa, “Nin iyo xoolihiisa ma kala haraan been ma aha.”

Nin Reer Baaddiyo

Anisa Maxmuud

Sheeko ka tirsan nin reer baaddiyo ayaa jiray oo lagu dhacay baaddiyo oona weligiisay magaalada ma aadin. Waxaa ka shaqeyn jirey beero iyo xoolo.

Maalin maalmaha ka mid ah waxaa maqlay tacsiyo in aa areerkiisii dhintay.

Waxaa aaday safar oo tacsiyada; waxaa qaatay bas. Usiga baska fuulo Xaweyna loo gaaray.

Waxaa yiri, “Maxaa waaye waxaan ordaayo?”

Nin meesha fadhiiyo aa weydiiyay, waxaa la yiri, “Waa baabuur.”

Waxaa weydiiyay, “Haddana maxaa waaye nalka qofka haayo?”

“Waxaa waaye, baabuurka nalkiisii. Ma cabsanay miya? Ninkaas, war nin ma aha waxaa waaye waa baabuur nalkiisa.”

Saa loo joogay, baabuurkii shil aa galay. Ninkii waa suuxay. Marka isbitaalka la geeyay.

Saa loo joogay, ninkii waa soo kacay. Waxaa yiri, “Dadkaan dharka cadka wataan, yaa waaye?”

Ninkii oo baska isla fuuleen waxaa dhahay, “Waa xeer caqarad.”

Marka dhakhtarka uu maaday, waxaa yiri, “Foomanka ii soo caruuriya.”

Ninkii waa naxay, waxaa dhahay, “Maxaa waaye dadkaan oo xaanshiiyaashay wataan?”

Ninkii waxaa yiri, “Ku ma dhihiino waa xeer aqarad?”

“Markaas maxaa waaye waxaan qorayaan?”

“Waa ninkii jannada la geenaayo iyo naarta la geenaayo.”

Dadkii dhakhtaraha ah ayay wareysanaayeen waxaa qorayeen magacayaasha.

Marka uyuga la soo gaaray, waxaa dheheen, “Magacaa?”

“Magacay waa Xeer Baaddiyo.”

Markaas ninkii saaxiibkiisii ahaaye la weydiiyay, “Magacaa?”

“Magacay waa Been Hawaas.”

Markaas qallin oo cagaar aa loo qoray; ninka kale Been Hawaaska ahaaye waa arkay.

Marka la qoray, ninkii kale ma arkeynin. Waxaas dhahay, “Maxaa qorooyeen? Waxaa waaye?”

“Waa magac qofkii naarta iyo jannada la geenaayo.”

Waxaa dhahay, “Noocee qallinka cagaar maa janno ah; qallinka oo guduudka waa naar.

“Ma aragtay qallinka aniga la igu qoray?”

“Qallinka adiga loogu qoray waa guduud, adigana naarta galaysaa.”

Ninkii waa orday, waana qeyliyay.