Taariikh Nololeedka Culumada

Taariikh nololeedkii sheekhii Muslimiinta ibna Taymiya

Imaam mujtahid sheykhul-Islaam
Dhalashadiisii

Taqiyuddiin abul Cabaas Axmed ina CabdilXaliim ina CabdiSalaan ina Taymiya oo ahaa reer Xaraani.
Wuxuu ku dhashay Xaraan maalin isniin ah tobankii Rabiicul-awal sanadka Hijrigu markuu ahaa 661H.

Barbaarkiisii

Wuxuu ku koray guri diinta laga barto, oo awoowgiis Abul Barakaat CabdiSalaan wuxuu ahaa sheekhii qoray kitaabka: (المنتقى من أخبار المصطفى صلى الله عليه و سلم) , oo wuxuu ka mid ahaa culumadii ugu waaweyneyd madhabta Xanbaliga, aabihiisna sidoo kale wuxuu ka mid ahaa culumadii isla madhabta, oo wuxuu ahaa bare iyo mufti, wuxuuna madax ka ahaa rugta xadiiska Sukariya دار الحديث السكرية tan iyo intii uu ka geeriyoodey.
Wuxuu la soo qaxay reerkiisii oo la soo degey Dimishiq Suuriya, ka dib markii Tataarku ay burburiyeen magaaladiisii Xaraan.
Wuxuuna kor ka bartey Qur’aanka isaga oo aad u yar, markuu labaatan sano gaaray cilmiga meel sare ayuu ka gaarey, waxaana la sheegaa iney barayaashiisa laba boqol gaarayeen.

Barashadiisii xadiiska

Kutubtii uu ka bartey xadiiska nabiga naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee waxaa ka mid ah:
مسند الإمام أحمد بن حنبل , الكتب الستة الكبار والأجزاء iyo معجم الطبراني الكبير.
Wuxuu kale oo uu bartey fiqiga, usuulu-fiqiga, tafsiirka iyo naxwaha oo uu ka bartey ina CabdilQawi.
Wuxuu bare ka noqdey rugta xadiiska Sukariya markuu jirey labaatan iyo kow sano, kadib markuu aabihii geeriyoodey. Wuxuuna qorey kutubo fara badan oo ay ka mid yihiin:
منهاج السنة النبوية , السياسة الشرعية في إصلاح الراعي والرعية iyo رفع الملام عن الأئمة الأعلام.

Manhajkiisii

Wuxuu ahaa mid ku dhaqma kitaabka iyo sunnada nabiga n.n.k. sidii uu ku yiri Eebbe kor ahaaye Qur’aanka: Haddii aad isku qabsataan arin u celiya Eebbe iyo Rasuulka haddii aad rumeysan tihiin Eebbe iyo maalinta dambe taas ayaa wanaagsan ahna tafsiir hagaagsan.
(فإن تنازعتم في شيء فردوه إلى الله والرسول إن كنتم تؤمنون بالله واليوم الآخر ذلك خير وأحسن تأويلاً) (النســـــــاء : 59)
Wuxuuna dadka ugu yeeri jirey iney ku dhaqmaan kitaabka iyo sunnada nabiga n.n.k.

Dhimashadiisii

Wuxuu geeriyoodey Eebbe ha u naxariistee habeen isniin ah bishuna ay ahayd labaatankii Dul-qacda sanadka markuu ahaa 728H, isaga oo ku xiran xabsi ku yaala Dimishiq.
Qore CabdiRisaaq Maxamed Cilmi
Taariikh nololeedkii imaam muxaddis Maxamed Naasiruddiin al-Albaani

Sheekh Maxamed Naasiruddiin Al-Albaani wuxuu ka mid ahaa culumada ugu waaweyn ee muslimiinta ee waqtigan aan joogno.

Dhalashadiisii

Wuxuu dhashay sheekh Maxamed Naasiruddiin ina Xaaji Nuux Al-Albaani sanadka Hijrigu markuu ahaa 1333 Hijriya oo ku beegnayd sanadka Miilaadiga markey aheyd 1914 M, wuxuuna ku dhashay Ashqoodara oo ahayd magaalo-madaxdii Albaaniya xiligaasi.

Reerka sheekhuna waxay ahaayeen qoys diinta ku dhaqma oo aabihiisna wuxuu ahaa sheekh dadka diinta bara.

Sheekh Albaani wuxuu la soo qaxay reerkiisii oo la soo degey Dimishiq Suuriya, ka dib markii Axmed Saago ”boqorkii Albaaniya” ee xiligaasi uu qaatey ilbaxnimadii reer galbeedka ee ku dhisnayd in laga fogaado diinta ”Calmaaniyadda”.

Sheekhu wuxuu ku dhameystay waxbarashadiisii dugsiga hoose dugsi ku yaaley Dimishiq.

Sheekh Albaani aabihiis wuxuu baray Qur’aanka kariimka, sida loo akhriyo Qur’aanka ”tajwiidka”, afka carabiga (xeerarka afka ”naxwaha” iyo rogrogmadkiisa ”sarfiga”) iyo diinta ”madhabta Xanafiga”.

Sheekhu wuxuu kale oo uu ka bartay madhabta Xanafiga iyo afka carabiga barayaal kale.

Barashadiisii xadiiska

Sheekh Albaani wuxuu bilaabay barashada xadiiska markuu jirey labaatan sano. Kitaabkii ugu horeeyay ee uu ka barto cilmiga xadiiska wuxuu ahaa:

“المغني عن حمل الأسفار في تخريج ما في الإحياء من الأخبار”

ee uu qorey sheekh Al-Ciraaqi Eebbe ha u naxariistee.

Kutubtiisii ugu horeysey ee uu qoro waxaa ka mid ahaa:

“تحذير الساجد من اتخاذ القبور مساجد” oo dhowr jeer la daabacay iyo

“الروض النضير في ترتيب و تخريج معجم الطبراني الصغير” oo aan weli la daabicin.

Sheekh Albaani wuxuu leeyahay kutubo kale oo fara badan, waxaana ka mid ah:

إرواء الغليل في تخريج أحاديث منار السبيل iyo سلسلة الأحاديث الصحيحة.

Culumadii saameynta weyn ku lahaa agtiisa waxaa ka mid ahaa sheekhul-Islaam ina Taymiya iyo ardeygiisii ina Qayim Eebbe ha u naxariistee.

Amaantii ay culimada amaaneen

Wuxuu yiri sheekhii ugu weynaa Sacuudiga ee hore sheekh CabdiCasiis ina Baaz Eebbe ha u naxariistee:

Ma jiro waqtigan aan joogno qof ka yaqaan sheekh Albaani nolosha nabiga ”cilmiga xadiiska” n.n.k.

Dardaarankii sheekh Albaani

Waxaan u dardaarmayaa in loo hadiyeeyo kutubteyda oo dhan maktabada jaamacadda Islaamka ee Madiina almunawara.

Dhimashadiisii

Sheekh Albaani wuxuu dhintey maalin sabti ah bishuna ahayd Jumaadil-aakhira laba iyo labaatankeedii sanadkii 1420 H oo ku beegnayd labadii bishii tobnaad sanadkii 1999 M, waxaana la aasay salaadda cishaha ka dib Eebbe ha u naxariistee.