Masugto Meher Maleh

Masugto Meher Maleh: Qiso Jacayl ah
Qaybtii Koowaad

Waxaa qoray Maxamad Caynaanshe Cawed-Shire.

Waxaa lagu daabacay Muqdisho, Soomaaliya.

1970

Fiiro gaar ah: Buuggan lama daabacan karo, lama guursan karo, lama tarjuman karo, lama sawiran karo, wax lagama beddeli karo, qaybo ka mid ah iyo dhamaantii midna, iyadoon ogolaansho qoraal ah laga haysan Qoraha buugga.

Xabadyahay waxaad tahay
Xulashadii haweenkee
Xaqiiqdii mid kula mida
Weli lama xambaarine
Xuural cayn la moodyey
Xaragada u dhalatay
Gacmahaaga xaada leh
Markaan soo xasuustaba!

Hibayn: Waxaan buuggan u hibaynayaa [Yoonis] Maxamuud Caynaanshe, Maxamed Cabdicasiis Cali iyo Maxamuud Cabdicasiis Cali.

Afeef: Waxaan ka cudur daaranayaa in aad raalli ka noqotaan wixii khaladaad ah, khaladkaas oo ah mid ka yimid dhinaca tignikada.
– M. C. Cawed-Shire

Hordhac

Buuggani wuxuu ka hadlayaa qiso jacayl ah oo dhacday, taasoo akhriskeeda aad jeclaysan doontaan, idinkuna reebi doonta tiiraanyo jacayl.

Akhristaha sharafta mudanow, hal waa yaab, halna waa yaabka yaabkiis, halna waa amakaag. Ku arkoo ku jeclaaday waa yaab! Ku jeclaadoo kuma daayo waa yaabka yaabkiis! Toddobaatan jir wax caashaqayna waa amakaag!

Waa sheeko hab novel ahaan ah u qoran, waxaad ku arki doontaa labaatan jir iyo todobaatan jir caashaq kulmiyey!

Akhris wacan.

– M. C. Cawed-Shire

***

Filasho Wacan

Waxaa dadweynaha sharafta mudan ee xiiseeya akhriska sheekooyinka loogu bishaaraynayaa inay soo bixi doonaan buugaag sheekooyin ah oo aad xiisayn doontaan markay idin soo gaadhaan, waxayna kala yihiin:

  1. Masugto Meher Maleh: Qaybta 2aad oo uu qoray Maxamed Caynaanshe Cawed-Shire.
  2. Burburkii Jacaylka oo uu qoray Maxamed Jaamac Qoodaar.
  3. Dhafarkii Jacaylka oo uu qoray Aadan Salaad Xasan.
  4. Ayaanlay Aqal Maweydo oo uu qoray Maxamed Caynaanshe Cawed-Shire.
  5. Jacayl Miyir Xaday oo ay qortay Sahra Xasan Xirsi.

Sugitaan wacan iyo filasho dhow.

Qaybta 1aad

Xilligu waa gu’ si fiican uga wada da’ay dhamaan magaalooyinka Geeska Afrika, iyadoo aysan webiyadu fatahin hadana qarka u saaran yihiin. Magaalada Muqdisho oo ka mid ah magaalooyinka ku yaal Geeska Afrika, inkastoo aysan webi lahayn hadana dhinac walba iyo dhexdeedaba waxaa jiifay xareed, jawigeeduna waa mid ku farax gelinaya, tamashlaha iyo dalxiiskana ku haboon.

Cali-Dhuuxna wuxuu dhex taagnaa bas uu ka waayey kursi uu ku fadhiisto, maxaa yeelay wuxuu la balansanaa Mulki oo ay ku ballansanaayeen Wasaaradda Boostada horteeda saacaddu markay tahay todobada fiidnimo si ay u wada galaan Cawayska Jubba oo ay ka tumayaan show Kooxda Durdur, laguna soo dhawaynayo sanadka cusub, kii dhamaadayna lagu sii sagootiyayo.

Cali-Dhuux aad buu isugu buuqsan yahay, maxaa yeelay maanta waxaa la hadlay Xaaji Cismaan oo aabbihii ah una sheegay in uu u diri doono jaamacad ku taal carriga Maraykanka haddii uu ku gudbo imtixaanka kama dambaysta ah oo uu iminka yahay fasalka afraad ee dugsiga sare ee 15ka May.

Cali-Dhuux waa yar tahay inta uu fasalka soo xaadiray sannadkan, oo markay saacaddu gaadho toddobada subaxnimo ayuu saddex buug horay u soo qaadan jiray, buugtana wuxuu sii dhigi jiray dabakaayo dugsiga agagaarkiisa ku taal, kadibna afar saddex wiil oo reer Maykal ah ayey isu raaci jireen Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta si ay u faduuliyaan hadba gabadha soo marta hortooda ama ay ishoodu qabato, ama ay uga sheekaysan jireen diskoogii xalay ka socday Shineemo Xamar.

Waxay kaloo sheeg-sheegi jireen noocyada baabuurta sida iyagoo mid ka mid ahi leeyahay, “Land Cruiser-ka sanadkan waxaa ugu fiican midka Xaaji Belokeen waayo wuxuu leeyahay sariir ku fidsan guudka iyo turuska oo aad u dheer iyo lix [bostar] iyo midab aan la mid ahayn kuwii hore.”

“Waxaad Land Cruiser ka sheegaysaan aniguba waxaan qarinayaa XL-ka Xaaji Saalim iyo GL-ka Aweys Muudeey ka dhintay ee uu hada wato wiilkiisa Nasiibkey,” waxaa sidaas ku hadlayey mid ka mid ah dhalinyaradaas.

Ama mid kale yiraahdo, “Idinku waxaadba sheegaysaan Land Cruiser iyo XL anigu waxaan ka helay mooto nooca Yamaha ah oo uu shalay watay nin cadaan ah oo aan filayo in uu u dhashay dalka Faransiiska.”

Siday waxaas iyo wax la mid ah uga sheekaysanayaan ayey saacadu gaadhi jirtay kowda duhurnimo, kadibna waa la kala qado tegi jiray, Cali-Dhuuxna wuxuu sii mari jiray dabayaakadii si uu uga sii qaato buugtiisii.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Xaaji Cismaan ku yidhi wiilkiisa Cali-Dhuux, “Aabo waxaan filayaa in aadan iskuul dhigan sanadkan maxaa yeelay weli kuguma arag adigoo yunifoom gashanaya midna.”

“Aabe sow ma ogid inaan foom foor ahay sanadkan, sidaas awgeed anagaa hogaamina iskuulka oo dhan waxaanna ka mid ahay ardayduu maamuluhu ugu jecel yahay, xagga asluubta iyo waxbarashadaba, dhanka wax akhriskana waxaan wax la akhristaa wiilal aan isku fasal nahay habeenkii oo idil,” Cali-Dhuux ayaa yidhi.

Qaybta 2aad

Waxay Mulki meeshii balanta timid oo ah todobadii fiidnimo oo rubuc la’ kadibna waxay is tidhi ka gudub laamiga, markay seedkii hore ka gudubtay ayey istaagtay dhexda si ay u dhaafaan baabuur socotay, nasiib darose waxaa ka soo jiireeyey seedkii hore gaadhi Land Rover V8 ah.

Biraygii ayuu ka waayey kadibna halkeedii buu ugu tegay Mulki ilaa uu ku dul damay. Isla markiiba waxaa meeshii shilku ka dhacay yimid Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka, shilkiina wax ka qoray, Mulkina waxaa loola cararay cusbitaalka guud ee Digfeer, kadibna waxay noqotay dhaawac culus si aad iyo aad ahna way u dhiigbaxday intaan cusbitaalka la gayn.

Gaadhigii Cali-Dhuux saaraana wuxuu kaga degay agagaarka Boostada saacadu markay ahayd toddobadii iyo toban daqiiqo ee fiidnimo, wuxuuna ku soo wareegay jardiinada iyo gidaarada Boostada oo idil, si uu u hubsado inay ka soo hor martay iyo in kale.

Markii uu hubsaday inaysan ka soo hor marin kuna jirin dhalinyaro fadhiday ayuu bilaabay inuu naftiisa hiifo. “Maxaa i soo daahiyey? Tolow ma tobankii daqiiqo ee aan soo daahay ayey ii dulqaadan wayday? Dulqaad yaraa gabadhu! Mise anigay i soo lugoynaysay ee umaba ay baahnayn inay ka qayb gasho Cawayska? Mise mid kalayba u raacday Cawayska? Waayo sinaba uma filayo inay caawa Mulki sina uga maqnaanayso happy new year-ka.” Marna wuxuu fiiriyaa saacadiisa marna laamiga. Sidaas awgeed gabadh kasta oo nin la socota iyo mid kaligeed ahba wuxuu moodaa Mulki, wuxuu arkana wuxuu u jeclaa isagoo arka Mulki, caawana ay wada qaybgalaan iyagoo dhexda is haysta.

Markuu ku daalay fadhigii iyo isla sheekaysanayey keligii, ayuu go’aan ku gaadhay inuu keligii Cawayska galo, maxaa yeelay waxay naftiisu ku doodaysay, “Waqtigan oo kale weligay ma seexan, caawana seexan maayo! Ma digaag baan ahay markaan hadeer seexanayo? Ee waa inaan soo dhaweeyaa sanadka cusub siina sagootiyaa sanadkii dhamaaday. Maya! Maya! Anigoo mataan wadan maa gelayaa Cawayska oo ugu tegaya Haykal iyo Cabdi-Jamaal oo midba mataantiisii la boodayo? In aan maqnaadaa ii wacan si aan berri subax saaxiibaday ugu sheego in aabahay ii diray beertayada oo u dhow Beesha Balligoble. Amayse iga rumaysan waayaan? Waxaaba laga yaabaa in ay caawa oo dhan i arkayeen inaan dhowr saacadood ka dhakoolaa gidaarka cidlada ah.” Waxaa sidaas ku hadaaqayey Cali-Dhuux.

Qaybta 3aad

Markii ay saacaddii u xidhnayd gaadhay kow iyo tobankii fiidnimo ayuu go’aansaday inuu isaga huleelo (isaga tago) isagoo ku maahmaahayey maahmaahdii ahayd iga kici kobaan geel ku dhalin kuudud xumadeeda.

Intii uu sugayey inuu helo baabuur uu raaco taagnaana boosteejada ayaa waxaa la kulantay gabadh oo ku tidhi, “Aboowe waa lagu salaamay.”

“Waa lagaa qaaday,” buu ku jawaabay Cali-Dhuux.

“Aboowe ma lagu wehlin karaa kolayba waxaad u egtahay mid gooni socodka yaqaane?” Waxaa sidaas ku tiraahday gabadhi.

“Abaayo haygaga dhigin masku intuusan kugu tufin baa lagu tufaa! Aniga waa lay wehlin karaa balse adigu geesisanidaa bal waqtigaad keligaa socoto fiiri! Hadaan iskaa baro aniga waxaa lay yidhaahdaa Cali-Dhuux.”

“Anna hadaan iskaa baro hooyaday waxay iila baxday Faadumo-Kiin, aabahayna wuxuu iigu wanqalay Xaliimo-Sacdiya, berigii aan wax baran jirayna waxaa dugsiga iiga qoraan jiray Maryan-Ruun, hadana waxaa laygu yeedhaa Maariya Maykal! Kaasna ii baro oo iigu yeedh!”

“Abaayo ma jin baad tahay magacyo badnidaa! Oo ka sii yaab badane Xaliimo-Sacdiya oo laguugu wanqalay maxaad uga dooratay Maariya Maykal?” waxaa yidhi Cali-Dhuux.

“Aboowe sidaan horeba kuugu sheegay waxaad tahay mid weli dambeeya oo aan la socon waqtigan casriga ah!” waxaa ku doodaysay gabadhii magacyada badnayd.

Hadal iyo dhamaantii waxay isku afgarteen in ay casho fudud ka soo cunaan Baar Cadale, kadibna wuxuu Cali-Dhuux yidhi, “Abaayo waqtigaan waa waqti dambe, aniguna aad iyo aad baan u daalanahay, waana barashadeenii isugu keen horaysay. Waxaan hada jeclaan lahaa inaan kala hoyano oo ku balano beri galab iyo halkan.”

“Aboowe sow ma ogid in caawa la osoo dhawaynayo sanadka cusub? Ana waxaan kaa sugayey inaa odhan doonto waxaynu gelaynaa Cawayska, bal dhagayso waxa sawaxan ka baxaya! Xataa anigoo gabadh ahina igama suurtowdo inaan seexdo waqtigan oo kale, waayo horaa loogu maahmaahay hurdo habarba korin waydee maanay hilbo i siin?” gabadhii maagacyada badnayd baa tidhi.

Wax la ilaaqtamaba ama lays jigraaraba, in beri galab saacadu markay tahay shanta laysugu yimaado agagaarka Boostada ayey ku ballameen. Gabadha magaceedu ahaa Maariya Maykal waxay caawa siddeedii la balansanayd inay Cawayska wada galaan wiilka la yidaahdo Kayse oo ay muddo sadex sanno ah wada socdeen, nasiib darrose wuu u gooyey kamana filayn inuu sidaas u gelayo, horaa loo yidhi ‘waxaadan filayn iyo falaadhiba way kaa naxshaan!’ Si aad iyo aad ah bay uga naxday inuu Kayse u gooyo, siday u sugaysayna waxay la kulantay Cali-Dhuux, markii Cali-Dhuux ka tegayna waxay iskeed u aaday Cawayska.

Markii ay gudaha gashayna waxay bilowday inay ku dhex wareegto dhamaan dadka fadhiya iyo kuwa ciyaaraya, waxayna aragtay Kayse oo la ciyaaraya gabadh kale, iyana waxaa la hadlay wiil horay u yaqiin inay Kayse la socon jirtay kuna yidhi, “Abaayo weligaa intaan ku arkayey caawaa kuu kow ah adigoo keligaa soconaya, aaway mataankaa?” Iyana way agtaagnayd balse maba maqlayn, mana ogayn inuu iyada la hadlayo iyo in kale, waayo waxay ku dhaygagsanayd Kayse oo aanay ka filayn inuu ka rugdoorsanayo. Waxay is aragtay iyadoo dhextaagan aqalkeedii mana ogayn gooray ka soo baxday Cawayskii basna maba soo raacin!

“Ilayn ina rag isku halayn maleh. Ma Kayse? Ma Kayse baa sidaa ii galay? Ma anigoo Maariya Maykala ayuu iga doortay cago u boodhlay aan lib-istiig marsan aqoon? Alla sidee isu dilaa? Dhii.Dhii.Tii (DDT) ma cabaa? Tolow farmashiyadu ma iga gadayaan? Haa iyaga lacagta uun baa u dana, ama waxaan dhahayaa sariirtii ayaa iga yeelatay boodo kadibna waan cabayaa… Mise Cali-Dhuux baan la qabsadaa oo waan iska ilaawaa sida uu isba ii ilaaway Kayse? Maya, rag dambe waa iga aabahay!”

Siday waxaas iyo wax la mida ugu fekeraysay baa waagii dhag ku yidhi iyadoon laba indhood isa saarin.

Qaybta 4aad

Cali-Dhuuxna wuxuu gurigii tegay isagoon dheg la qabto lahayn oo leh, “Aan arko Mulki… Maxaan ku farayaa Mulki? Waxaan isbaranay Maariya Maykal oo kaba reer magaalsan, maba rabo arageeda Mulki, waxaase laga yaabaa inay iga rugdoorsatay, maxaa yeelay horaa loogu maahmaahay ‘kas naageed oo kadaloob rag kaaga dambeeyey kaad ku ogaydba maaha.’ Maxaanse kuba falayaa haday mid kale iga dooratay, awalba waxay ahayd mid aan aqoon sida afka loo gududsado, midaan cusub baa ka af guduudan sidii huryo oo kale.” Waxaa sidaas naftiisa ku samrinaayey Cali-Dhuux.

Markii waqtiga Muqdisho labadii duhurnimo caga-cagaynaayey ayuu Cali-Dhuux daartay Raadyow Muqdisho si uu u dhegaysto ogaysiiska, wuxuu maqlana waxaa ugu horaysay heestii ugu dambaysay Barnaamijka Bandhiga Raadyowga oo ahayd mid ay qaadaysay Faadumo Qaasin. Waxaana markii ay dhamaatay soo galay Ogaysiiskii, waxaana lagu bilaabay, “Waxaa xalay shil baabuur oo ka dhacay Waddada Jamhuuriyadda ku geeriyooday hal qof oo aan la aqoon oo ah gabadh. Tilmaamaha gabadhuna waa sidatan: waxay leedahay fanax yar, midabkeeduna waa madow dhiig furan, da’deedana waxaa lagu qiyaasay 20-22 sano. Gabadhaas maydkeedii waxaa la dhigay Qaboojiyaha Cusbitaalka Guud ee Digfeer, ciddii garataana ha la soo xidhiidheen Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka.”

Wuxuu kadib Cali-Dhuux is yidhi, “Amay Mulki tahay?” iyo “Ma anigaa aqaan meel reerkoodu degan yahay? Reerkooduba raadiye waa leeyihiin oo waa maqlayaan haday iyadii tahay. Ma anigaa Mulki wax ugu dari kara? Xataa magaca aabaheed ma aqaan! Anba waxaan ku bartay boosta. Maya way taqaanay sida jidka loo maro ee iyadii maaha.”

Markii la gaadhay waqtigii balantu ahayd ayuu Cali-Dhuux isu diyaariyey inuu balantii isaga iyo Maariya ka dhexaysay oofiyo. Wuxuu meeshii ballantu ahayd yimid iyadoo aanay weli gaadhin shantii galabnimo, ama kow iyo tobankii hadba sidaad u taqaanid. Siduu u sugayey gabadhii ayey saacadii gaadhay siddeeddii fiidnimo. Wuu isaga noqday isagoon xataa isku dayin inuu barto gabdho kale. Wuxuu gurigoodii tegay isagoo leh, “Maxaa i habaaray midaan la balamaaba way ii goynaysaa!”

Xaaji Cismaan wuxuu dhalay sadex wiil iyo saddex gabdhood. Dhamaan waxay wada jiraan dalka Maraykanka marka laga reebo Cali-Dhuux iyo Intisaar oo sanadkan bilowday fasalka 1aad ee dugsiga sare. Mulaaxo waa hooyada dhashay dhamaan caruurta Xaaji Cismaan marka laga reebo Ismaaciil oo hada waxbarasho dibadeed ku maqan.

Mulaaxo waxay ku tidhi wiilkeeda iyadoo waaninaysa, “Hooyo wiilkaygiiyow caruurtaydu ma yeelan jirin saaqid waxaana u malaynayaa inaad adigu kow ka noqonaysid. Alla hooyo waxaan habeen iyo maalinba ku farxaa aragaaga, maxaa yeelay adigaa igala jooga wax wiil ah oo aan dhalay. Alla maandhow ha bilaabin saaqidnimo ee dadaal oo wax barro si aad uga daba tagtid walaaladaa, hadii kale waxaad ogaataa inaan waxba lagugu falayn. Hooyo inta aad yartahay baad jaanis haysataaye wax baro. Ogow in ay jiraan wiilal aan aabahood lacag lahayn oo wax barta, adiguna nasiib wanaag lacag maad waayin.”

Qaybta 5aad

Cali-Dhuux dadaal ayuu isku dayey si uusan u qasaarin waanadii iyo wax u sheegiddii aabihii iyo hooyadii, waxaana la soo gaadhay geba-gebadii sannad-dugsiyeedka, wuxuuna Cali-Dhuux u fadhiistay imtixaankii kama dambaysta ahaa, wuxuuna ku rajo weynaa inuu ku gudbi doono.

Intii la sugaayey soo dhejinta natiijooyada imtixaanka waxaa Xaaji Cismaan wiilkiisa ugu bishaarayn jiray inuu aadi doono Maraykanka, wuxuuna uga sheekayn jiray sheekooyin ku saabsan dadka dibadaha u aada xoogsiga iyo kuwa u aada waxbarashada, mucjisooyinka la yaabka leh ee ay kala kulmaan illayn waa dalal shisheeye oo aanay dhaqan iyo dhalasho midna la lahayne. Sheekadan soo socotana waxay ka mid ahayd sheekooyinkii uu uga sheekayn jiray wiilkiisa, wuxuuna ku bilaabay sidatan:

Cabdimuncim waa nin u dhashay dalalka dunida sadexaad dal ka mid ah, waxaana dalkiisii u dirsaday koorso ciidameed oo uu ku aado dal dunida hore u martay ka mid ah. Markuu ku jiray mudo sanad ah jaamacadaa ciidameed oo 78 km u jirta magaalada Frankfurt oo ka mid ah magaalooyinka dalka Jarmalka Fedraaliga ayuu Cabdimuncim u baahday inuu aado Wiesbaden oo 20 km u jirta Frankfurt, wuxuuna fasax ka qaatay macalin ka mid ah macalimiintiisii si uu muddo hal maalin ah ugu soo booqdo Wiesbaden wuxuuna ka codsaday macalinkiisii inuu ku daro qof jidka yaqaan ama inuu isagu safarka u raaco.

Macalinkiina intuu u kala sharaxay jidkii una sheegay inuu ku sii nasto hoteelka uu arki doono markuu 60 km socdo, hoteelkaa waxaa gadaya kombyuutarro. Macalinkii oo sharaxaadiisii sii wata ayaa ku yidhi, “Markaad hoteelkaa gashid waxaad la kulmaysaa mashiinno, mashiinkaa ku rid lacagtaad wadato, kana cab waxaad doonayso.” Halkaas ayey macalinkii iyo Cabdimuncim isku macasalaameeyeen.

Cabdimuncim wuxuu sitay qatar doolar ah oo uu rabay inuu sahay ka dhigto intuu safarka yahay. Markuu afar saacadood oo xidhiidh ah socday ayuu ku soo baxay hoteelkii la yidhi ku sii naso. Kadib wuxuu ka soo baxay baabuurkii si uu ugu nasto waxna uga cabo hoteelka. Jeebkiisii wuxuu ka soo saaray 5 doolar oo uu ku riday mashiin aan loogu talo gelin in lagu rido wax ka yar 10 doolar, mashinkiina wuu is xidhay. Wuxuu is lahaa mishiinku wuxuu kuu soo celinayaa baaqi iyo warqad shegaysa inuu cabi karo wuxuu dalbaday. Wuxuu sugaba markuu daalay kana quustay in jawaab loo soo celiyo ayuu bilaabay inuu akhristo nowtiisyo badan oo ku dheganaa mishiinka, wuxuu yaqiinsaday inaan mishiinka loogu talo galin in lagu rido wax ka yar 10 doolar.

Meel uu ka furo ayuu raadiyey mishiinka si uu ugala soo baxo lacagtiisii, wuxuu eeg-eegaba wuxuu arkay meel dadka maamula hoteelka ay ka furaan. Kadibna wuxuu meeshii geliyey furihii gaadhigiisa. Maxaase ka raacay! Waaba la ogaa wixii raacay oo isla markiiba ay kombyutaradu u sheegeen in koox budhcad ahi soo weerareen hoteelka waxaa kaloo daarmay guluub weyn oo sida kan ota-otada cagaaran. Waxaa hoteelkii lagu soo kiciyey diyaarado ay saaran yihiin kamaandows ah, Cabdimuncimna wuxuu awood u yeelan waayey inuu damiyo sawaxanka iyo bulxanka yeedhaya ee ka yeedhaya hoteelka iyo inuu kala soo baxo furihiisii si uu uga baxsado meesha la yaabka leh ee maqaadiirtu keentay inta aan loogu imaan. Wuxuuna soo xasuustay maahmaah Soomaaliyeed oo dhahaysa, ‘bidaari sibiq bay kugu gashaa,’ oo uu ula jeeday meesha uu sida fudud u soo galay oo uu garan waayey sida uu uga bixi lahaa!

Cali-Dhuux ayaa sheekadii soo dhexgalay oo ku yidhi, “Aabe waa ku sidee, ma ninkaa Soomaali ahaa, sidee kusoo xusuusan karaa maahmaah Soomaaliyeed?”

“War waad fududahaye sow ma ogid in ay jiraan jaamacado dibadeed oo lagu barto dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed? Marka isagu jaamacadaa ka barayaa ama meel kale ka barayaa laakiin isagu sidaas ayuu ku maahmaahay, isagaana afkiisa nooga sheegay in dhacdadani qabsatay, dalkuu u dhashayna waan aqaan laakiin waa dal hebel ku odhan maayo,” Xaaji Cismaan ayaa yidhi, kadibna sheekadii ayuu halkeedii ka sii waday.

Qaybta 6aad

Markii ay ciidamadii qabteen Cabdimuncim oo kobtiisii taagan waxaa ugu horayntiiba la guda galay in la baadho si loo hubsado inuu sakhraan yahay iyo in kale, waxaana la ogaaday in caafimaadkiisu taam yahay kadibna waxaa la weydiiyey sababta uu u geliyey furaha meesha. Cabdimuncimna waxaa kaloo la weydiiyey meesha uu ka tirsan yahay wuxuuna sheegay in uu jaamacadda milateriga ee ku taal agagaarka Frankfurt wax ka barto.

Wax allaale iyo wixii kharaj ku baxay, ha ahaato shidaalkii diyaaradaha iyo gurmadkii ciidamada iyo qasaarihii gaadhay hoteelkaba waxaa lagu dalacay jaamacaddii uu wax ka baran jiray, iyadoo sabab looga dhigayo maxaad usoo raaci weydeen?

Cabdimuncimna waxaa gacanta midigta ah looga sameeyey calaamad aan ka go’in oo u eg xarafka ta’-da oo aan filayo in macnaheedu ahaa afka qalaad thief, afkeenana noqonaysa tuug. Haddii uu khalad kale galana waxaa laga eryayaa jaamacadda uu wax ka barto, waxaana loo soo caydhinayaa dalkiisii waayo horaa loo yidhi lama huraan waa cawska jiilaal. Ogowna in sidaas iyo si ka darani kugu dhacayso, maxaa yeelay way adag tahay sidaad ula qabsatid dabeecadaha shisheeyaha. Hana isku dhedhejin, waayo isku diin iyo isku dhaqan midna ma tihiin. Weligaa ilaali sharafta iyo anshaxa dalkaaga iyo diintaadu kaa mudan yihiin. Ogowna in aad huwantahay haybadda calankaaga iyo ciiddaada.

Waxaa kaloo ka mid ahaa dhacdooyinkii uu uga sheekayn jiray wiilkiisa dhacdadan soo socota:

Aabe waad taqaan Muqtaar Dhega-Wayne, waa ninka degan guriga baraakada ah ee rinjiga guduudan leh. Wuxuu ka mid ahaa raggii ugu horeeyey ee Berri Carab u dhoofay, isla markiiba wuxuu helay shirkad lacag fiican ku qaadatay.

Markii uu in muddo ah u shaqaynayey shirkadaas ayuu door biday in uu dalxiis ku aado dalalka warshadaha horay ugu maray. Illayn horaa loogu maahmaahay rag xumaantii buu ka sheekeeyaa, naagana samaantood’e Muqtaar laftiisaa nooga sheekeeyey aniga iyo Xaaji Mariid, wuxuuna noogu sheegay sidatan:

Waxaan ka qaatay shirkaddii fasax bil ah, waxaanna ka degay garoon caalami ah oo ku yaal magaalada New York. Markii aan madaarkii ka soo baxay waxaan ka kiraystay tagsi oo aan ka codsaday in uu igeeyo hoteel first class ah, tagsiilihiina intuu magaaladii oo dhan igu soo wareejiyey ayuu ikeenay mid aan kaba fogayn madaarkii uu iga qaaday, wuxuuna iga qaatay lacag fowqal caqli ah.

Muqtaar wuxuu yidhi, waxaan ku hadlaa afafka Ingiriiska iyo Carabiga laakiin midna ma qori karo, mana akhriyi karo. Markii tagsiilihii igeeyey hoteelka ayuu diiday ninkii hoteelka iska lahaa inuu iga ijaaro isagoo leh hoteelkaygu waa ka mamnuuc in ay seexdaan dadka madow.

Waxaan ka codsaday in uu igaga ijaaro qiimaha uu ka qaado laba qof oo cadcad wuuna iga yeelay, waxaana lay dejiyey qol ku yaal dabaqa 96aad ee hoteelka, waxaanna garan waayey meesha suuligu ku yaal, waxaanna ka xishooday in aan weydiiyo dadka ka shaqeeya hoteelka.

Hoteelkaa lagaa saarayaa baan is idhi hadaad wax garan waydid maxaa yeelay awal baa baryo laygaga ijaaray. Wax allaale iyo aan sameeyo baan garan waayey.

Wuxuu yidhi, markii aan habeenkii oo dhan isku celinayey kaadidii, ayaan ku kaajay saxan lagu weji dhaqdo oo qolkayga irridiisa ku samaysan. Waxaan ka baqay in qolka shaqaaluhu food soo gelin waayaan, waxaana garan waayey si aan urta u baabi’iyo iyo si aan suuligii ku helo midna.

Qaybta 7aad

Magaaladii ayaan u soo dhaadhacay si aan uga soo gato baarafuun (biif-baal) aan ku buufiyo qolka aan deganahay.

Markii aan soo gatay baarafuunkii baan weydiiyey nin madow ah oo aan la kulmay waxa lagu garto meesha musqushu tahay. Ninkii madoobaana wuxuu xaashi iigu qoray xarfihii aan ku garan lahaa. Nasiib darrose intii aanan hoteelkii gaadhin bay shaqaalihii soo galeen qolkaygii.

Waxayna ogaadeen in aan arrintaa sameeyey, kadib wuxuu isla markiiba ninkii hoteelka lahaa igu qoray wargeys maalinle ah oo maalin walba ka soo baxa magaalada New York. Soo geliddii aan soo galayba waxaa laygu yidhi, “Qaado boorsadaada iyo baaqigan oo ah mid kuu hadhay,” waxaana lay sheegay in aan ku qoranahay joornaalka.

Hoteelkii waxaan ka soo baxay anigoo [kabna] lulaya kabna laalaadinaya. Wuxuu yidhi, waxaan soo xasuustay maalin aan wada hadlaynay anigiyo xaaskayga Xaliimo oo i lahayd, “Muqtaarow adigoo Berri Carab u dhoofa oo hadhow markaad soo noqoto noo dhisa guri is dulsaaran, waxaa nooga fiican adigoo dhulkaaga hooyo nooga xammaala wiilashaadana ka fogaan, waayo markaan sidaas ku leeyahay waxaad adba ogtahay in reerka dariskeena ah ninkii lahaa siduu u tegay aan wax war ah iyo waraaq midna laga hayn, in uu nool yahay iyo in kalena Ilaahay baa og.”

Anna aan ugu jawaabay, “Naa ha igu noqon dumar ee anigu ma ilaawayo dabadayda wiil ee aan ugu jecelahay waxa ifka saaran oo dhan, haddii aan dhintana wax wedka iga celin kara ma jiraan halkan iyo xagaas midna, saacaddayda ka horna ma dhimanayo, waana idiin soo dirayaa biilkiina.” Isla markiiba wuxuu soo noqday oo yimid Sacuudi Arabiya markii uu toddobaad joogay ayaa la soo tarxiilay, wuxuuna hada yimid isagoon shilin wadan horayna ugu soo dirin xaaska.

Dhacdadan soo socota waxay ka mid tahay dhacdooyinkii xidhiidhka ahaa ee uu Aabbe Cismaan uga sheekayn jiray wiilkiisa Cali-Dhuux oo uu rabay in uu sii waayo arko inta uusan Maraykan aadin, wuxuuna ku bilaabay:

Aabe waxaanu u shaqaynaynay shirkad fadhigeedu ahaa Maka, laakiin waxaanu joognay magaalada Daa’if, waxaana ka dhacay qisadan soo socota.

Bashiir wuxuu ka mid ahaa shaqaalaha shirkadda, isla waqtigaas ayuu ka yimid Soomaaliya (Beled Soomaal) oo uu ka soo gatay guri kuna soo arroostay gabadh uu aad iyo aad u jecelyahay. Jaamac-Nuur wuxuu isna ka mid ahaa shaqaalaha shirkadda, isaga iyo Bashiirna waxay ahaayeen laba saaxiib oo aan la kala dhex mari karin.

Jaamac-Nuur wuxuu awal jeclaa hadana sii jeclaaday Anisa oo ah inanta da’da yar ee uu sadddex bilood ka hor Bashiir ku soo arroostay Degmada Hodan ee carriga Soomaaliya, iska daa sawirkeeda oo uu saaxiibkii tusaye horay ayuu u yaqaanay iyadoo cunug qaawan ah.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Bashiir galay musqusha isna yidhi ku soo qubayso. Illayn waa tii horay Soomaalidu u tidhi tuugo kula taal tabtaa ma weydo’e Jaamac-Nuur oo awalba rabay jaanis uu helo ayaa wuxuu jeebkii Bashiir kala soo baxay baasaboorkii iyo ciqaamadiisii kadibna wuxuu ka qortay lambarradii, subaxdii dambena wuxuu warqadda u soo diray illayn waa niman saaxiib ah waana is dad yaqaanaano Maxamuud oo ay Bashiir walaalo ahaayeen, sidan hoos ku qoran bayna warqaddu u qorayd:

“Walaal waxaad iga gudoontaa salaan ay isku diraan walaalo is jecel oo aabe iyo hooyo wada dhaleen. Walaal salaan kadib waan caafimaad qabaa boqolkiiba-100. Hadaan ahay Bashiir Aadan waxaan kula socodsiinayaa in aan kuu sheego arrintan hoos ku cad.”

“Waxaan anigoo maankayga qaba maskaxdayduna kaamil tahay waxaan furay kuna furay laba dalqadood gabadha la yidhaahdo Anisa Cumar Xasan, meherkeeduna ahaa labaatan iyo shan kun, hadaba walaal ha la iiga qabto maalkayga, meherkeeda oo labban laabanna ka sii lacagtii aad ii haysay hana u qaadan in nin kale warqadan kuu soo diray waayo lambarka baasaboorkaygu waa 23001-18342/811, ciqaamadayduna waa 4321A24 Meccah Saudi Arabia.”

Qaybta 8aad

Markii Maxmuud warqaddii soo gaadhay ayuu reerkii ka saaray Anisa oo muddo 202 maalmood ah meher ku xidhnaa.

Jaamac-Nuurna wuxuu fasax u soo qatay wadanka Soomaaliya, isla markiibana wuxuu baaray meeshii uu Anisa u filayey markuu [iyada] la kulmayna wuxuu ku yidhi, “Abaayo maxaa kugu dhacay? Ma faraxsanidoo maxaa ku madoobeeyey, waa cadaan jirtaye ma nin kulul baa ku guursaday? Sow ma joogo ka waran caafimaadkiisa.”

“Aboowe nin ayaa i mehersaday muddo wax yar laga joogo, waana nin dadka Carabta u shaqo tegay ka mid ah, dibadda ayuuna warqaddaydii ka soo diray, hadana waan madax banaanahay,” gabadhii baa tidhi.

Jaamac-Nuurna wuxuu yidhi, “Oo hadda wuu ku furay! Ma adigaagan aan ku ogaa yaraantaadii dabeecad wanaagaagii iyo dad la dhaqankaagii fiicnaa ayuu kuu quudhay inuu ku furo? Hadda labaatan berri oo keliyaan joogay waana noqonayaa ee ka waran hadaan nolosha isla wadaagno oo aad bishan sagaal iyo labaatankeeda Sacuudi Arabiya ii raacdid?”

“Waxba kama qabo laakiin horta waa in aan dalkeena isku mehersanaa ina rag lama aaminee! Bashiirba isma lahayn dheeldheel baad ku kala lugaynaysaan,” Anisaa tidhi.

“Naa Anisa sida Bashiir ma ihi kumana xad gudbo xuquuqal Aadmiga, laakiin habeen dambe baan isku mehersan doonaa Hoteel Jubba. Anigu waxaan rabay in meherka [ahaado] mid Riyaad lagu qabto, laakiin codsigaagaan oofinayaa ogowna in caawana ka soo wada cashayn doono Mini Market Bar Restaurant and Hotel Dhakar oo ku yaal agagaarka Istaadiyum Muqdisho kuna fiican nasashada iyo caasumadaha, waxaadna ogaataa in meherka aan u dedejiyey laba xaalo, waa tan hore’e jacaylka aan kuu qabo, waa tan labaade fasaxa aan wato oo yar,” Jaamac-Nuur baa yidhi.

Sidii ballantoodu ahayd ayey ugu wada hirgaleen arrimihii ay sii qorshaysteen oo dhan, waxayna garoonka caalamiga ee Muqdisho Airport ka raaceen diyaarad nooceedu ahaa Point Seven Zero Seven (707) oo ay lahayd Shirkadda Dayuuradaha Soomaaliyeed (Somali Airlines).

Markii diyaaraddii ay saaraayeen soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Jidda, ayuu Anisa Jidda uga tegay isna wuxuu gaadhay shirkaddii uu la shaqayn jiray, shaqaalihiina wuxuu ugu bishaareeyey inuu gabadh Soomaaliyeed ka soo guursaday Xamar.

Wuxuu dhammaan shaqaalihii joogay Maka, Madiina, Jidda, Riyaad iyo Daa’if intii uu nasiib u yeeshay ku yidhi, “War nacalaa idinkuma yaale gacan isiiya oo iga [guma],” iyana waxay siiyeen ninba karaankii.

Bashiir oo aanay weli is arag Jaamac-Nuur ayaa iskii u yimid magaalada Jidda, isagoo jooga guri ay Soomaalidu degan tahay ayaa mar keliya nin u yimid oo ku yidhi, “Bashiirow buraaqadaad qabtay goormaad furtay? Furi ogidaa!”

Bashiirna wuxuu ugu jawaabay, “Kumaan fahmine sheego ula jeeddadaada!”

Ninkii ayaa ku war celiyey, “War horaa loo yidhi hubsiino hal baa la siistaaye, iyada laftigeedii baa caawa aroos ku ah guri Jidda ku yaal.”

Bashiirna wuxuu yidhi, “War beentu waa shay xaaraane, waana laysku cadaabaaye, sinaba u suurtoobi mayso in aad aragtay Anisa Cumartii aan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Beesha Axmed Guray Waaxda Saddexaad uga dhex imid ee aan ku mehersaday Sharciga Diinta Islaamka in ay caawa aroos ku tahay aqal Jidda ku yaala.”

Qaybta 9aad

Ninkii wuxuu ku warceliyey sidatan, “War horaa loo yidhi hadal [bilaabe] ma buuxiyee, ina keen ku soo tusee hadii kale waxa laga yaabaa in aad dagaalantid. Horta sug anagaa Faarax soo tusaynee.”

Faarax wuxuu ku jawaabay, “War anigu ma waxaan aqaan Anisada la sheegayo?” Waxaana israacay Bashiir iyo Faarax iyo ninka warka keenay.

Markii ay [kadinka] ka soo galeen ayey indhahii isku dhufteen Anisa iyo Bashiir, Bashiirna wuxuu yidhi, “Waxaan balan ku qaaday balan laga qaado hadaan la oofinayno inaan labadaba madaxa isu saaraa, hadii la rabo qudha ha layga gooyee sidatan geerida ayaaba ii dhaanta.”

Isla markiiba arintii ayaa dhabaqday (arintii baa murugtay). Markiiba shan oday oo anigaygan Xaaji Cismaan ahi ku jiro ayaa loo saaray inay arintan go’aan ka soo gaadhaan, shantayada oday waxaan isugu jirnaa qolada naagta laga dhacay iyo qolada wax dhacday.

Gartii waxaan qaadaa dhignaba waxaanu gaar gaar ugu yeedhanay midba mar Bashiir iyo ninkii kale. Bashiir wuxuu noo sheegay in sidii uu u mehersaday ugana dhex yimid maalkiisii oo dhan mood iyo noolba ha ahaadee, uusan marnaba miyir qab iyo waali toona ku furin.

Jaamac-Nuurna wuxuu noo sheegay inuu mar uu Xamar fasax ku tegay uu la kulmay gabadhan oo igu tidhi, “Nin ayaa iqabay dibadda ayuuna warqadaydii iiga soo diray.” Kadibna waxaan ku idhi, “Abaayo waxaa iska badan xaasidka iyo warxumatashiilka [ama] laga yaabaa in nin kale warqadda kuu soo diray warqadda, waayo hadda ka hor baan wax badan goobjoog ka ahaa arrintan oo kale.”

Waxayna iigu jawaabtay, “Haba laga yaabo in nin kale isku kaayo diray, laakiin isagaa warqadan soo diray, ma nin kalaa baasaboorkiisa iyo ciqaamadiisa lambarradooda yaqaan? Taas waa maya!”

Waxaan kalo weydiiyey, “Ma ciddad baxday?”

“Haa, adba akhri warqadda waa tane,” bay iigu jawaabtay.

Sidaasaan ku mehersaday hadana diyaar ugu ahay in aan arroosto, waatan warqaddii nikaaxuye idinkuba akhriya.

Gartii wax ninba si u naqaba, wax nin qaloociyaba, ama nin kale toosiyaba, waxaan go’aan ku gaadhnay in aan naagta muddo shan sanno ah la guursan, Jaamac-Nuurna laga qaado xaal dhan lix kun oo Riyaal lagana siiyo ninka la dhacay, sidaasayna gartii ku dhamaatay.

Cali-Dhuux baa yidhi, “Alla aabe aad bay Soomaalidu ugu fiican tahay dhanka xeer-beegtiga waayo haddii kale waxaa laga yaabi lahaa gartaa aad muddada todobaadka ka yar ku dhamayseen in aysan muddo yar ku dhamaateen, haddii maxakamad loo gudbiyo!”

Xaaji Cismaanna wuxuu yidhi, “Si kasta Soomaalidu way ku fiican tahay, waxaad kaloo ogaataa in sidaas iyo si ka darani ku soo mari doonaan, haddaad waayo sii noolaatid ama adiga ha ku qabsato ama dhexdhexaadiye ha lagaa dhigee, waa tii murtida Soomaaliyeed ahayd nin adduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban!

Cali-Dhuux baa hadalkii qaatay oo yidhi, “Aabe qisadan aad caawa ii sheegtay waa qiso la yaab ah oo isma lahayn naag nin qabo ayaa nin kale damac ka gelayaa.”

Xaajigiina wuxuu yidhi, “Tan tu ka daran baa dhacda!”

Qaybta 10aad

Waxay maalinba maalin dhaafto, makhrib casar ka daba roor, Sabti Jimce sagootido waxaa la soo gaadhay xilligii la sugayey ee la lahaa ma dhamaado waqtigaad soo dhawaysataayee dheeraa muddo, dheeraa!

Imtixaankii waa la soo dhajiyey ardaydiina wax dhacday iyo wax gudbay bay noqdeen maxaa yeelay horaa loo yidhi garri laba nin kama wada qosliso, sidaas daraadeed dugsiga sare ee 15ka Mey ardaydiisii boqolkiiba sideetan waxay ku gudbeen buundo sare laakiin soddon iyo sagaal arday oo uu ka mid yahay Nuur Dhega-Cadde ayaa ku dhacay, waxaa taleefoon loogu sheegay Mulaaxo.

Waagii markii uu beryey ayey u timid wiilkeedii Cali-Dhuux kuna tidhi, “Hooyo wiilkaygiiyow toos oo qaado furahaan kaxaysana baabuurka Karoolada ah oo ku soo fiirso imtixaankii in aad gudubtay iyo in kale, kolayba uma malaynayo in aad gudubtaye, maxaa yeelay hadda ka hor ayaan kuu sheegay in aad saaqid tahay balse iska soo eeg saaka!”

Cali-Dhuuxna isagoo dhibsanaya hadaladaas ayuu yidhi, “Hooyo maxaad mina subaxda hadaladaas iigula soo kalahday?”

“War kalah-kalah lahayne orod oo gaadhiga kaxayso lacagtanna qaado oo ku soo qaad taayirkii aad xalay lahayd wuu banjaray sagaalka iyo badhka subaxnimona waa in aanan ku waayin, waxaan ballan ku leeyahay African Village,” Mulaaxaa tidhi.

Wuxuu sii socdaba markuu gaadhay dugsigii mise maba fura! Kadibna wuxuu is yidhi intaad dugsiga iska hor taagnaan lahayd waa in aad soo qaadataa taayirkii, maruu marayo jidka Dabka mara ee la yidhaahdo Maka Al-Mukarama siiba agagaarka Dabka ayaa baabuur Siisow ah wuxuu dhanka bidix ka baasay baabuur caasi ah oo dad sida isagoon wada baasin ayuu hadana isteerinkii dhanka bidix u soo gooyey.

Waxaa kaloo jidkii soo galay gaadhi 124 ah jidkiina waa xidhmay, baabuurka Siisowga ah ee jidka xidhay waxaan filayaa in uu hadda ka soo galay gobolada Waqooyi oo xataa iskama dhiqin siigadii casayd! Baabuurka Siisowga ah waxaa ka dambeeyey baabuur Cresido ah oo ay wadato inan Soomaaliyeed oo uu awalba soo xoogay.

Siisowyada qudha maaha kuwa xooga jidkana ku cidhiidhiya baabuurta gabdhuhu wataan ee waa mid ay caadaysteen darawalada badankoodu, mase haboona.

Baabuurtu waxay is daba taxnayd ilaa Sayidka waxaadna moodaysay in oto-oto wiish yeedhinayso: dhiidh… dhiidh… dhiidh! Qaar baaba la moodayey in ay miyuusik tumayaan sida sitayda oo kale.

Mid Land Cruiser ah oo ka dambeeyey baabuurka Cali-Dhuux watay waxaadba moodaysay in uu dhimbiil dab ah ku taagan yahay oo la yidhi haddii aad hoonka gacanta ka qaadid waa lagu ganaaxayaa oo sidii ilmo yar oo afar jir ah oo baabuur cidla ah dhex galay ayuusan hoonka gacanta ka qaadayn, qaylada afkiisa ka baxaysayna waxay baro dheerayd hoonka uu yeedhinayey.

Cali-Dhuux marna jaanis uma helin in uu hoonka yeedhiyo oo wuxuuba ku mashquulsanaa tolow ma gudbi? Ma dhici? Wuxuuna la yaabanaa samir la’aanta ay dadku u samri waayeen tobanka daqiiqo ee jidku xidhan yahay.

Jidkii ayaa furmay Cali-Dhuuxna wuxuu gaadhay goomaystihii uu doonayey, nasiib darrose wuxuu waayey ninkii uu taayirka u dhiibay, kuwii kalena waxay yidhaahdeen, “Ku siin mayno taayirka, mana naqaan in aad adigu leedahay iyo in kale, sug isagaa ku siinayee, ama u soo noqo.”

Qaybta 11aad

Cali-Dhuux wuu sugi waayey oo wuxuu ku yidhi, “Waan u soo noqonayaaye u sheega in aan u imid,” wuxuuna maray Jidka Taleex isagoo ka baqayey in haddii uu ku noqdo Jidka Maka Al-Mukarama uu sidii hore oo kale ugu daaho.

Markuu yimid dugsigii ayuu ka waayey meel uu ka fiirsado maxaa yeelay waxaa kaga horaysay arday aad u badan, wax hadba mid qoslayaa ka soo baxo, mid dhididsanna ka soo daba baxo, mid kalena soo galo. Cali-Dhuux iyo gidaarka waxaa qudha oo u dhexeeyey warqadda ku dheganayd, wuxuu rool lambarkiisii raad raadiyaba oo uu ka dhex raadinayey xarafka C waayo waxay qol imtixaan ku wada galeen shan iyo toban gabdhood oo Canab, Caasha, Ceebla’, Canbarro, Cudoon iyo Cibaado la kala yidhaahdo iyo afar wiil oo Cabdi la yidhaahdo iyo isaga Cali-Dhuux ah.

In kastoo ay ku qaadatay waqti hadana wuu helay rool lambarkiisii, warqadda wuxuu ugu qoraa sidatan:

Cali-Dhuux Xaaji Cismaan R/L. 23433 – 49.20 – wuu dhacay!

Wuu rumaysan waayey oo laba saddex jeer ku noq noqday mise waa isku mid, wuxuu kaloo ka yaabey macalimiinta wax saxda naxariis la’aantooda waayo hadday naxariisanayaan may 0.80 iigu daraan, laakiin wuxuu isku qanciyey in ay macalimiintu quman yihiin waayo haday 0.80 iigu daraan waa xaq darro iyana waxaa ka lumaysa sharaftii iyo haybaddoodii.

Goor allaale iyo goor uu warqaddii ka soo fujiyey gidaarka ma uu ogayn, wuxuuna ku war helay iyadoo gabadhii leedahay, “Aboowe maxaad nooga jeexjeexday maanaan fiirsanee?”

Isla markiiba wuxuu aaday goomaystihii wuuna ka soo qaatay taayirkii, ballantii isaga iyo hooyadii ka dhexaysayna wuu oofiyey waayo wuu ogaa in darawalkii hooyadii ayaamahanba bukay, laakiin iyagoon waxba waydiin ayey Hooyo Mulaaxo iyo inanteedii Intisaar wejigiisay ka akhristeen in uu dhacay, waxaana loo keenay quraac balse wax saas ah kama cunin waayo waysanba ka degayn.

Cali-Dhuux iyo hooyadiina waxay isku raaceen meeshii ballantu ahayd. Waxay dib u soo wada noqdeen laba iyo tobankii maalinnimo. Waxay wada fadhiisteen fadhiga oo ay Intisaar cabitaan iyo buskut ugu keentay. Waano iyo waxay ugu dhaqaaqday wax u sheegid wiilkeeda, waxayna ku bilowday sidatan, “Hooyo iska dhaaf ugumaad horaynin arday imtixaan ku dhacaye, inkastood ilmahayga ugu horaysay, hadana waxba maaha ee aabahaa la shaqayso oo ka nasi hawsha, dayacana ka dhawr hantida uu waayey wax la xisaabiya.”

Waxay waan waanisaba oo marba wax tusaalayso markay saacaddii waqtiga Afrikada Bari kowdii iyo badhki gaadhay ayuu baabuurkii Xaaji Cismaan hoonka yeedhiyey, Cali-Dhuuxna qolkiisii buu ku cararay isagoo ka baqayey gacanta uu ka filanayey aabihii.

Markii uu baabuurkii gudaha soo galay ayaa waxaa ka soo degay Xaajigii oo aad iyo aad u kulul oo siduu saaka tobankii barqanimo ugu fadhiistay kuraas ka mid ah kuraasta Hoteel Al-Curuba oo ay ku balansanaayeen Xaaji Caydaruus oo ay xisaabi ka dhexaysay, inkastoo uu markii hore Xaaji Caydaruus soo daahay hadana markii dambe waxay ku kala tageen is afgaranwaa, sidaas awgeed buu Xaaji Cismaan u xanaaqsanaa.

Kelmadii ugu horaysay ee afkiisa ka soo baxday waxay noqotay, “Aaway Cali-Dhuux? Ma dhacay mise wuu gudbay?”

“War waad qaylin jirtaye Cali-Dhuux waxaa khaldamay rool lambarkiisii oo isaga iyo arday kale ayaa isku rool lambar noqday! Sidaas awgeed baa la yidhi Xafiiska Imtixaanaadka berri imaada,” waxaa tidhi Mulaaxo.

“Naa afkaas anigu ma aqaane ninku ma dhacay mise waa gudbay?” Xaaji Cismaan oo xanaaqsan baa yidhi.

“Ee heedhe dhiigga karin jirtaye orod oo qadee, dharkiiba iskamaad bixine, maxaa qaylada kugu xagsanaya? Qaylaaba kaa soo hadhaye!” Mulaaxaa tidhi.

Qaybta 12aad

Casarkii markii la gaadhay baa waxaa gurigii yimid Cabdishukuur si ay isugu raacaan xaflad baadhi ah oo loogu dabaal degayo Cabdishukuur walaalkii oo ku gudbay imtixaankii dugsiga sare, wayna is raaceen Cabdishukuur iyo Cali-Dhuux.

Xafladdiina waxay u dhacday si heer sare ah kuna dhamaatay sidii loogu tallo gallay. Markay saacaddii gaadhay kowdii saqda dhexe ayaa Cali-Dhuux iyo dhowr dhallinyaro ah soo wada raaceen baabuur Range Rover ah, Cali-Dhuuxna wuxuu kaga hadhay laamiga meel ku beegnayd gurigooda isagaana diiday in baabuurku leexdo waqtiga oo dambeeyey iyo ixtiraam uu ixtiraamayey dhallinta kale awgeed.

Guriga Xaaji Cismaan laamiga waxaa ka xiga siddeed looto, isagoo soo lugaynaya ayuu wuxuu maqlay xabad dhacday iyo qaylo. Wuxuu soo socdaba, wuxuu keligii isla sheekaystaba wuxuu ka war helay isagoo gacanta katiinad looga jebiyey lana leeyahay waa tuugga laftiisii.

Naag uu tuuggu isugu daray dhac iyo dhaawac ayaa kab la gashay, waase laga celiyey dadkii oo dhan baa isugu tegay waxaana nin ka mid ah lahaa, “War xagguu geeyey alaabtii uu xaday maba sitee? Mise wuuba tuuray?”

Mid kalaa ugu jawaabay, “War tuugtu laba iyo saddex bay isku raacdaa oo kuwii kaluu alaabtii u dhiibtay, balse maxaa kaa galay isagaa yaqaan kuwii kalee hadaad kan haysatide?”

Nin kalena wuxuu lahaa, “War kuma dhicin xabbadii nasiib badanaa!”

Kii la weydiiyeyna wuxuu yidhi, “Waxaan anba ahay nin ciidan ah oo lugaha mooyee in ay meel kale kaga dhacdo ma rabin, hadayna kuwii kale ku dhicin kan waa bed qabaa.”

Naag meesha joogtay baa tidhi, “War wiilkan sida fiican u lebisani wax ma xadin bal fiiriya waaba ciyaal caasi ah, waa kuwii la lahaa waxaa la yidhaahdaa ciyaal siyo.”

Nin baase ugu jawabay, “Wax waliba waxay leeyihiin caasi siday lacagtuba u leedahay Gini caasi ah baa tuugtiina u leedahay caasi.”

Nin baa sheeko bilaabay yidhina, “War hadda ka hor waagii qaadku furaa ayaan anigoo qayilay oo dhowr marduuf oo miiroo ahi igu tageen baa nalkii dam yidhi oo awal hore dhowr nin baa ila joogtaye aan markaas keligay ahay, baan waxaan jiifsaday gogoshii aan awal ku fadhiyey illayn gam’i maayee waa il galacleeyey. Wax yar markaan jiifay ayaa kadinkii waxaa ka soo galay nin dhallinyaro ah oo surwaal jeenis ah sita. Markii hore waxaan mooday wiil ka mid ah wiilal seexan jiray qol ka mid ahaa guriga. Waxaan fiiriyaba illayn anigu waan arkaa isaguna ima arkee, sow dhalaalka iyo wuxuu arkay mooyee, waxaan arkay isagoo rikoodkii qaatay anna intaan lugtiisii la booday ayaan legday oo qaylo iyo qoob isugu daray. Balsaddii baan fadhiisiyey, dadkii oo dhanna waa ku soo wada urureen oo sidii aan u dul taagnayn baan waxaan ku war helay isagiiyoo dibadda ku dhacay oo ganjeeladii ka booday, intaan ganjeeladii furaynay ayuu jaciirtay (dhamcay, fogaaday). Inkastoo uusan waxba la cararin hadana indhihii baan u lahayn. Hadaba waxaa laga yaabaa in kan intaan dul-taagan nahay uu boodo oo dibadda ku dhaco.”

Qaybta 13aad

Ninkii haad-biidhiga ku xiray baa yidhi, “War Xasan miyaad wareertay? Ma ninkaan katiinadaysan baa boodi kara?”

Ninkii sheekaynayey baa yidhi, “War dadkani waa wada yaqaaniin taatikada iyo tareeninka ciidamada ee ninkaan ama aan siidayno ama aan istayshin gayno!”

“War hadduu taatiko yaqaan anagu maxaan naqaan? Gurigaygaa saldhig ii ah, saldhig kalena gayn maayo, illayn isba saldhig wax kama xadine gurigayguu ka xaday,” waxaa yidhi ninkii wax katiinadeeyey.

Cali-Dhuuxna wuxuu awood u yeelan waayey in hal kelmad ahi ka soo baxdo oo isha uun buu mirig ka siiyaa waayo hadduu odhan lahaa, “War anigu tuug ma ihi ee meeshaan iska marayey,” wuxuu og yahay in aan laga rumaysanayn, horaa loo yidhi dab munaafaq shiday Muslin baa ku gubta. Tuugtiina iyagoon xabbaddii ka dul qaylisay mooyee wax kale gaadhin sitana rikoodho iyo mishiin fiidyow ayey is yidhaahdeen gurigiinii taga, nasiib darrose markay agtiisii marayaan baa cutub ciidanka booliiska ka mid ah oo heegan lahaa qabteen oo ku xidheen saldhig ka mid ah kuwa ku yaal magaalo madaxda.

Wax laga dul sawaxmaba Cali-Dhuux waxaa la geeyey saldhig boolis kii ugu dhawaa oo inta oobigii lagu qoray lacag uu watay iyo saacaddiiba waxaa loo dhigay oobiga, ayaa qol aad u madow la yidhi gal korontada oo maqnayd awgeed. Cali-Dhuux intuu is yara giijiyey ayuu geli waayey, ayaa horay loogu tukhun tukheeyey dushana lagaga qafilay.

Cali-Dhuux mar qura isma dhaqaajin oo wuxuu is yidhi hadaad socotid ama dhaqaaqdid, waxaa laga yaabaa in qof meesha jiifa ku joogsatid kadibna lagu dilo. Wuxuu soo xasuustay sheeko hada ka hor nin waayeel ahi uga sheekeeyay:

Niman ayaa damcay inay safar ahaan u aadaan meel fog. Nin wadaad ah ayey u yimaadeen oo ku yidhaahdeen, “Sheekhow waxaan rabnaa inaan meel hebla aadno ee noo ducee nana tilmaan.”

Sheekhiina wuxuu yidhi, “Horta waad ducaysan tihiin, markaad waddadan martaan ee aad meel hebla u dhowdihiin waxaad arkaysaan wax la cuno oo laamiga yaal ee qaada oo cuna waad ku gaajo beelaysaane. Markaad socod halkaa ka sii wadaanna waxaad kaloo arkaysaan agagaarka meel hebla wax kale oo jidka yaal, markaas waxaas god u qoda oo aasa. Markaad ka tagtaanna waxaad kaloo arkaysaan gabadh aad iyo aad u qurux badan oo keligeed ah ee soo kaxaysta anaa midkaad u daysataan u meherinayee!”

Markay ka tageen oo laba caanamaal sii socdeen bay arkeen wax u eg wax la cuno, cunay is yidhaahdeen mise wuxu qadhaadhaa cunihii buu u dhaafi waayey, intay tufeen bay halkii safarkii ka sii wateen. Waxay sii socdaanba waxay hadana arkeen wax jidka yaal, waxay damceen in ay aasaan, waxay u qodeen god nin badhkiis ah, waxay damceen inay ku ridaan mise wixii way muuqdaan. Godkii bay nin joogiis gaadhsiiyeen kadibna way ku rideen, markay ku wada qariyeen oo aaseen bay is yidhaahdeen ka taga, mise wixi dibaday yaaaliin. Markay ku daaleen bay dan uga tageen.

Halkii bay socodkii ka sii wadeen, waxay sii socdaanba waxay arkeen gabadhii loo sheegayey haddii aad aragtidna maba moodaysid in ay reer adduun tahay iyadii oo jidka taagan, waxay is yidhaahdeen qabta. Waxayna qaban kari waayeen gabadhii ay arkeen inkastoo aysan is lahayn gabadh baa orod idinkaga tegaysa. Markay ka quusteen bay soo noqdeen iyagoo xuurtaysan.

Markii ay wixii cuna la yidhi cuni kari waayeen, wixii aasa la yidhina aasi waayeen, gabadhii la yidhi soo qabtana soo qaban kari waayeen bay waxay go’aan ku gaadheen in aysan safarka halkaa ka sii wadinee ay Sheekhii u soo noqdaan si uu isaga ugu kala sharaxo.

Markay Sheekhii u yimaadeen ayey u shegeen waxay soo arkeen oo dhan, Sheekhiina wuxuu yidhi, “Waa tan hore’e waxaad liqi kari waydeen waxay ahaayeen maal yatiimeed sidaas baana loo cuni karin, ninkii cunana waa nin dab cunay oo kale. Waxaad aasi kari waydeenna waa xaqa, dadka sidaasuu xaqu u ifaa xataa haddii marka hore lays yidhaahdo qariya. Gabadha aad gaadhi kari waydeenna waa tusaale, waxayna idin tusaalaynaysaa in aan aduunyo la gaadhi karin sida aad idinba gabadhaas u gaadhi kari waydeen.”

Cali-Dhuux markuu sheekadaas soo xasuusanayey wuxuu is lahaa kolayba in xaq darro lagugu soo xidhay mar uun bay caddaanaysaa ha dhawaato ama ha dheeraatee, waxaana waagii dhag yidhi isagoon laba indhood isku gayn.

Markii waagii si fiican u baryey ayaa dhamaan dadkii qolka ku xidhnaa la soo dareeriyey lana keenay xafiis uu ku jiro xeer-ilaaliyihii saldhiga, wuxuuna xeer-ilaaliyuhu dadkii mid mid u weydiiyey waxa lagu soo xidhay askari ka mid ahaa kuwii soo dareeriyey.

Ninkii ugu horeeyey ee dadka ka mid ahaa ayaa askarigu wuxuu ku sheegay in lagu soo xidhay tuugo ah in uu masaajid ka xaday laba kabood oo dacas ah, ninkii labaadna wuxuu kaga war bixiyey inuu isna masaajid ka xaday hal kitaab oo uu ku daabacan yahay Quraanka Kariimka ah. Cali-Dhuux wuxuu ka yaabanaa nimanka lagu soo eedeeyey in ay masaajid wax ka xadeen oo kan dacaska xaday wuxuu kaga sii yaabanaa kan la yidhi kitaab buu xaday! Qofkii saddexaad wuxuu noqday Cali-Dhuux askarigiina wuxuu ku war bixiyey in lagu soo xidhay tuugnimo uu reer xalay isaga iyo kuwa kale u dhaceen, kuwii kalena baxsadeen. Markii askarigii warbixintii Cali-Dhuux ku saabsanayd dhameeyey ayaa xeer-ilaaliyuhu wuxuu Cali-Dhuux weydiiyey, “Xaggee laga helaa tuugtii kale? Aaway alaabtaad qaadateen?”

Cali-Dhuux waa markii ugu horaysay xadhig lagu xidho iska daayee uu kadinka ka soo galo saldhig booliis mid kastaba ha ahaadee, wuxuuna Cali-Dhuux yidhi, “Taliye anigu tuug ma ahi waxna ma xadin, tuug kalena ilama socon ee anigoo meesha iska maraya ayaa nin i qabsaday ina katiinadeeyey oo feedh iyo haraati isugu kay daray, kadibna saldhiggan ikeenay goortuu oobiga igu qorayna qolkaa lay gudbiyey oo hada layga soo saaray.”

“War hadaad run sheegaysid maxaa kowda iyo afartanka daqiiqo ee saqda dhexe meesha ku marinaayey,” xeer-ilaaliyihii baa yidhi.

“Xeer-ilaaliye xaflad loogu dabaal degayey baaskii ay ku baaseen imtixaanka dugsiga sare arday ayaan ka qayb galay, xiligaas ayaana meesha kaga hadhay baabuur aan ka soo raacay xafladda,” Cali-Dhuux baa yidhi.

Xeer-ilaaliyihiina wuxuu yidhi, “Ha lagu celiyo qolka inta arrintiisaa la baadhayo.”

Hooya Mulaaxana way walwalsanayd wiilkeeda Cali-Dhuux oo aan war iyo wacaal ka hayn meesha uu jiro, “Tolow ma markuu dhacay aabihiina shalay canaantay ayuu badda isku riday? Alla maanaa ba’ay! Tolow xaggee ka doonaa? Hadduu badda ku dhaco ogaysiiskaa laga sheegi doonaa maanta labada duhurnimo. Maxaase ogaysiis laga sheegaa haduuba mar hore nibiri liqo, ma caloosha nibirigaa Raadyow Muqdisho noqonaysa? Alla maanaa gablamay! Saaka ma noola Cali-Dhuux. Aaway darawalkii baas ha iqaadee? Bal eeg lixdii saac oo aroornimo ayuu maqan yahay! Allaylehe waa in aan shaqada ka joojiyaa! Wiilkaygii baa maqan isna gurigiisii buu iska hurdaa!” Waxaa sidaas ku duryamaysay Hooyo Mulaaxo.

Qaybta 14aad

Iyadoo sidii u walwalsan baa albaabkii la soo garaacay. Mulaaxaa damacday in ay ka furto, waxayna is lahayd waa darawalkii. Intay albaabka furaysay aysanse weli qofka arag oo dhan way duryamaysay oo lahayd, “Maxaa ku soo daahiyey? Waad soo daahdaa subax walba. Maxaad damacday?” Mise darawalkiiba maaha oo waa gabadh deriska ah.

Mulaaxo waxay tidhi, “Alla hooyo raali ahow darawalkii baan ku moodaye maxaa daraa?”

“Waxba eedo ma daree Cali-Dhuux ma joogaa?” gabadhii baa tidhi.

“Eedo miyaad aragtay raq iyo ruux wax sheegaya?” Mulaaxaa tidhi.

“Anigu ma arag balse mid xalay mar aan walaashay Batuulo Maydhane oo foolanaysay cusbitaal Banaadir ku sii wadnay baan arkayey qof Cali-Dhuux u eg oo saldhigga lagu sii wado,” gabadhii baa tidhi.

“Oo eeddo saldhigee buu ahaa? Waaba isagiiyee… Tolow ma gabadh buu fara xumeeyey… Haa, wax kale laguma xidheen… Eeddo waad mahadsan tahay anigaa ka war doonaya!” Mulaaxaa tidhi.

Isla markiiba gabadhii warka keentay oo sii muuqata buu Faa’is oo darawalka Mulaaxo ah iridii ka soo galay, iyadoon salaantii uu salaamay ka qaadin bay canaan ku bilowday, “Bal waqtigaad socoto fiiri, bil kasta sadex kun oo shilin baad qaadataa waxna ma qabatid. Sidaad aroortii kursiga ugu fadhiisatid baad fiidkii ka degtaa. Eesiigana (AC) xataa isaga iskama damisid, kibirkaa kaaga daray, asagaana dhagaxay jebiyaan, waa inaan darawal doontaa.”

“Ee heedhe hooyo Shaydanka iska naar oo cawdi-bilayso waa mina subaxe, canaan liin kaaga daray! Maxaad iigu qaylin?” Faa’is baa yidhi.

Siday u qaylinaysay baa Xaaji Cismaan ku soo baxay oo yidhi, “Naa waqtigii Sayid Cali joogay islaamaha da’daadoo kale gaadha seef buu madaxa kaga goyn jiray, miyaad waalatay mise waad soo wadataa? Maxaad la qaylinaysaa? Ma waqtigan ka hor buu wiilku kuu imaan lahaa? Haduu xataa yimaadana xagee u kalahi lahayd? Ma jin baad u shaqaysaa? Wax kaleba iska daayo waraabaa yidhi hadaan maalka habraha maalka kale ka aqoon lahaa maba cuneen, Allow aanan islaan u shaqayn ma sidan oo kale baa iqabsan lahayd?”

“War islaan lahayna is-laalaabe wiilkaagii Cali-Dhuux sidii shalay loo xidhay buu u xidhan yahay cidina uma tegin adna sidaad fiidkii u seexatay baad hadeer soo toostay oo aad tidhi naa ma waalan tahay mise waad soo wadataa, ee orod ka war doon wiilka,” Mulaaxaa tidhi.

“Oo maad ka war doontid sow wiilkaagi maaha? Anigu raadin maayo, mana rabo wiilka dhacay! Ma tuug buu noqday, ma gabadh buu kufsaday? Ma gacan ku dhiigluu noqday, ma aalkalaystuu noqday? Illayn siyaasad laguma xidhin oo maba yaqaan. Maxaa lagu xidhay?” Xaaji Cismaan baa yidhi.

“War imtixaan haduu ku dhacayna dadba ku wada dhac oo wiilka Nuur Dhega-Cadeba ku dhac, haduu gabadh kufsadayna waa arrin curad ah ee ugub maaha. Waan ku raacayaaye waa inaad ka war doontaa wiilka, sidii aad wiilkaaga Ismaaciil ugu ordi lahayd wiilkaygana ugu orod,” Mulaaxaa tidhi, oo Ismaaciil waa rajay.

“Alla amar kululidaa! Ma saajin tuulo haysta baad tahay? Ma aniga reerka waayeelkiisa ahaa ayaad amar dusha igaga ridaysaa? Darawalka raali geli oo quraac noo wada keen,” Xaaji Cismaan baa yidhi.

“War anigu waxna raali gelin maayo oo darawalba iima aha laga bilaabo saacadan, adigu darawal ka dhigo, darawal kale baan raadsanayaa,” Mulaaxaa tidhi.

“Naa waadba fiican tahaye darawal raadso, balse ogow in aadan nin keensanayn ee naag darawalad ah keenso! Bal inaad heshiisaan! Sow ma jiraan gabdho darawalo ah oo reeraha baabuurta u wada siday u jiraan kuwo shaqaale ahi illayn nin Faa’is baabuurka iyo reerkaba uga fiican keeni mayside, saddex sanadood buu baabuurka kuu waday oo waa Ilaahay mahadiiye shil ma gelin,” Xaajigii baa yidhi.

“War kun wiil oo isagu batante sugunto garaado ah buu wataaye, iyagu teerso garaado wata baa beledka jooga, gabdhaha aad leedahay sow iyagoo shaqo doonaya lama helo gabadhii darawalad noqota reerkooday u shaqaysaaye reer kale uma shaqayso,” Mulaaxaa tidhi.

Qaybta 15aad

Cali-Dhuux waa nin raaxo isaga noolaa oo aan weligii hooyadii iyo aabihii wuxuu ka doono hoo mooyee diidnay lagu odhan jirin baa wuxuu u adkaysan waayey sibidhkii uu xalay ku seexday oo uu weli ku fadhiyo, wax ma dhadhamin, ma cadayan, oo ma weji dhaqan, xataa biyo keliya oo uu wejiga marsadaa waxba uma tarayaan illayn waa nin Colgate ku cadayan jiraye, Logosna ku fool dhaqan jiraye, ilaa xalay sidii loo soo xidhay, hal mar buu ugu farax badnaa waa markii saaka la yidhi inta albaabka laga furay soo dareera oo uu mooday in la odhan doono nin waliba gurigoodii ha aado, waayo hada ka hor buu uga sheekeeyey wiil ay isku da’ yihiin yidhina, “Maalin doorasho ah baan laba jeer ku soo noqnoqday goobtii doorashada markii dambena waa lay qabtay oo laygu xidhay saldhig, markii ay doorashadii dhamaatayna waa lay siidaayey.”

Xaaji Cismaan, Intisaar, Mulaaxo iyo darawalkeedii baa saldhigii islaanta loo tilmaamay yimid, Xaajigii baa hadlay oo yidhi, “Oobiga iiga baadha inuu ku qoran yahay Cali-Dhuux Xaaji Cismaan.”

Waxaa loogu jawaabay, “Waa ku qoran yahay, xalay baana la soo xidhay.”

Nin ciidan ah baa yidhi, “Gurigaygii bay u soo dhaceen isaga iyo kuwo kale, rikoodho iyo mishiino fiidyow bay iga xadeen, Cali-Dhuux mooyee kuwii kale lama hayo.”

Xaajigii wuxuu yidhi, “Baadhitaan ma ku samayseen inuu tuugta ka mid yahay iyo in kale?”

Waxaa loogu jawaabay, “Meeshani sharci weeye oo nin aan waxba qabin cidina danbi dusha kama saari karto, mid danbi lehna loo dhaafi maayo, baadhitaankiina weli waa socdaa.”

Xaajigiina wuxuu yidhi, “Adeer ma joogaa taliyihii saldhigu?”

Waxaa loogu jawabay, “Haa waa joogaa taliyihii oo xafiiskiisuu ku jiraa.”

Markii ay taliyihii iyo Xaajigii kulmeen ayuu yidhi, “Taliye subax wanaagsan, aan damiinto wiilkayga.”

Taliyiihna wuxuu yidhi, “Adeer see weeye ma anigaa aqaan wiilkaaga aad sheegaysid?”

“Taliye xalay baa la soo xidhay,” Xaajigii baa yidhi.

Taliyihiina wuxuu yidhi, “Adeer dadka saldhigga ku xidhan badankooda xalay baa la soo xidhay.”

Waqtigaa Xaajiga iyo taliyuhu xafiiska ku wada jiraan, waxaa qolka Cali-Dhuux ku jiray lagu soo xidhay laba dhallinyaro ah, maxaabiistu waatii is weydiisa waxa lagu soo xidhay’e markiiba waxaa lagu bilaabay mid ka mid ahaa, “Aboowe maxaa lagugu soo xidhay?”

Wuxuuna ku jawaabay, “Aniga iyo wiilkan waxaa nalagu soo xidhay anagoo saaka xafiis aan ka wada sugaynay jawaab araaji noo taalay markii aan cabaar hortiisa wada kadaloobnay ayaan is nidhi istaaga mise mid dhintay oo noo dhexeeyey baa dhulka ku dhacay, anaguna ma taaban ee isla markiiba askari Wasaaradda ku qornaa oo na arkayey markaan istaag-taagnay baa soo orday oo wiilkii dhulka yaalay rogay, mise intuba inta ka dakhso lehe naftiiba mar horay ka baxday! Kadib maydkiina Qaboojiyaha Digfeer baa loo qaaday anna shookigan baa nalagu xidhay.”

Mid dadka qolka ku xidhnaa ugu weynaa baa yidhi, “Waxba maaha wadnaha ayaa istaagay baadhitaan ayey dhakhaatiirtu ku samaynayaan, waana la ogaanayaa in aad disheen iyo in uu iska dhintay.”

Iyadoo socota oo sidii ay garyaqaano yihiin ayey midba mar odhanayey wuxuu doono oo ay la noqoto in lagu samaynayo, ayaa askarigii albaabka soo furay oo yidhi, “Cali-Dhuux Xaaji Cismaan waa kee? Soo bax.”

“Hoo quraacdaan cun,” askarigii baa yidhi.

Cali-Dhuux wuxuu weydiiyey, “Yaa quraacda ii keenay?”

“Waxaa kuu keenay aabahaa, hooyadaa iyo walaashaa,” askarigii baa yidhi.

“Ma lay tusi karaa?” Cali-Dhuux baa yidhi.

“Waa kuwaas ee soo salaan hana ku daahin,” askarigii baa yidhi.

Cali-Dhuux wuu salaamay hooyadii iyana way dhunkatay, walaashiise salaan ay salaanto iska daayoo wayba oyday markay aragtay Cali-Dhuux oo aan shanlaysan timihiina raamoobeen indhihiina qadaadka ka soo jeesteen. Laakiin Xaaji Cismaan ismay arag oo wuxuu ku jiray xafiiska taliyaha, oo taliyihii baa ku yidhi, “Horta sug sagaalka saac ee subaxnimo ayey imanayaan nimankii tuuga ku soo eedeeyey wiilkaaga,” iyagii buuna sugayey.

Cali-Dhuux wuu soo noqday oo quraacdii cunay markii uu dhamaystayna qolkii ayuu ku soo noqday isagoo aad iyo aad u faraxsan oo awal wuxuu ka baqayey in aan laba ogaane, balse markii uu hooyadii iyo walaashii arkay ninna uma baahna. Askarigii ayaa weelki qaaday oo Mulaaxo u keenay iyana hadal bay bilowday oo tidhi, “Hooyo wiilkaygu intaa le’ekaayo weligii sonkor la qadhiidhana ha ahaatee tuugnimo waxba uma xadin, maantana waxaa loo haystaa mishiin ayuu xaday!”

Askarigiina wuxuu ugu jawaabay, “Ha odhan wiilkaygu weligii wax ma xadin, haduusan awal xadi jirin hadduu bilaabay waayo wax walba maalin ayey bilaabmaan, ogowna in kiiska la baadhayo.”

Ciidanka Booliiska oo ah ciidan hawlo xasaasi ah u haya bulshadooda sidaas awgeed markii ay qoladii wax laga xaday yimaadeen ayuu taliyihii u sheegay in alaabtoodii taalo saldhigga Degmada Wardhiigley, wuxuu kaloo u shegay in baadhitaankii ay sameeyeen waxba lagu waayey ninkii ay ku soo eedeeyeen in uu wax xaday, sidaas ayaana Cali-Dhuux lagu soo daayey.

Qaybta 16aad

Markii banaanka loo soo wada baxay Xaajigii baa Mulaaxo ku yidhi, “Naa shir baan kaga qayb gelayaa Hoteel Jubba. Orda oo guriga geeya. Aabe Cali-Dhuuxow iska naso oo seexo maanta.”

Mulaaxo, darawalkii iyo caruurteedii ayaa isa soo raacay. Markii ay cabaar socdeen baa istuudiyo lagu soo beegmay, Intisaar baa tidhi, “Hooyo aan cajilad ka duubto istuudiyahan.”

Hooyadeedna way diiday, oo tidhi, “Naa waxaad ka duuban doonta kii inoo dhawaa,” waxaase ku dirqiyey in ay kan ka duubato Cali-Dhuux.

Gudaha baabuurka ayey ku wada hadheen Mulaaxo, Cali-Dhuux iyo Faa’is. Intisaar uun baa gashay istuudiyaha kuna tidhi ninkii gadayey, “Aboowe ma haysaa heeso collection Soomaali ah?”

“Abaayo wax cusub ma hayo ee ma rabtaa Xasan Aadan iyo Khadra Daahir?”

“Maya kuwaas ma rabo ee ma haysaa collection ah Maxamed Axmed Good iyo Magool markay wada qaadayaan heesta Idil?” Intisaar baa tidhi.

“Haa abaayo waan hayaa, orijinaalkeedu waa lix boqol oo shilin ee ma ku siiyaa?” ninkii baa yidhi.

Intii ay Intisaar istuudiyaha ku jirtay Mulaaxo waxay waraysatay Cali-Dhuux oo sidaas uma ogayn inay meesha ku daahday, laakiin sidii qof soo toosay oo kale bay hal mar ku soo hanbaaburtay (baraarugtay) oo tidhi, “Naa Intisaaray! War hoonka yeedhi ama inaga mariya tagsi ha soo qaadatee, meesha ma nin bay kula ballansanayd? Waaba yaabe! Markii ay diidaysay in ay ka duubato midka kadinkooda ah ayaan gartay inay wax kale damacsan tahay.”

Cali-Dhuux baase yidhi, “Maama! Maama gacaliso, haday degdegsiinyo door dhalaan kaadsiinyana kiish lacagay dhashaa, ee samir yeelo.”

Intisaar waa soo baxday baabuurkiina waa dhaqaaqay. Nin ay Xaaji Cismaan xisaab isku qabteen ayaa arkay in baabuurka soo daba socdaa yahay kii Xaaji Cismaan oo xaaskiisii saaran yahay, wuxuuna yidhi, “Intaad birayga bulukaarayso dabada ha kaaga dhaco oo markaas isagaa kuu gelinaya xataa haddii istobku kaa jabo waayo sharcigaa ah in haddii aad baabuur dabada kaga dhacdid aad mar walba adigu khaladka leedahay.”

Isagoo sidaas iskula hadlaya oo is leh, “Tolow ma hadaad qabataa mise waad iska dhaaftaa? Dhaafi maayo qasaare kaleba uma hayo xayawaanka xaasidka ah,” baabuurka uu watay wuxuu ahaa 124 ee toostiinkii baa u baxay baabuur seedka kale haysatay ayuu hore kaga dhacay xagga dambena waa siduu rabaye baabuurkii Mulaaxo saarayd ayaa kaga dhacay.

Toostiinka baxay wuxuu sababay in lix baabuur shil wada galaan, oo 124ka xagga dambe wax saas ahi kama gaadhine dhanka wax kale kuma garatide afkuu biyihii iyo olyadiiba ka keenay, oo isaga waxaa ka qasaaro badnayd oo futada iyo afkuba isku urureen baabuur Totoya Karoon ah oo labada dhinac isaga celiyeen baabuur Jeemis ah iyo mid GMC ah.

Isla markiiba askari Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka ah ayaa darawaladii ka ururiyey liisamadii shilkiina dhagax ku calaameeyey, kadibna mid kasta ku yidhi, “Jidka ka bax waxaynu sugaynaa oo aan talefoon u diray Waaxda Gurmadka Shilalka.” Intii la sugayey Taraafikada waxaa feedh iskula qamamay darawalkii 124ka iyo kii GMC-ga, waxaa lagu kala qabtay faro ciddi leh, kii Jeemiska iyo kii Karoonka wadayna wayba is dhirbaaxeen.

Mulaaxo iyadu wax ma dhirbaaxin laakiin haday gacantu u qabanayso way dhirbaaxi lahayd, cadhada wejigeeda ka muuqatayna waxay ahayd mid laga anfariiro (yaabo) canaanna waxay ku bilowday Faa’is iyadoo dhahaysa, “Amaantii saakaa kaaga dartay bal maad aayaroo dhalata birayga qabatid waadigaa baabuurta dadka dusha ka fuulaye! Bal xagee rinji looga helayaa? Dalkoo dhan laga heli maayo rinji noociisoo kale ah!”

Cali-Dhuux baase yidhi, “Ee hooyo waa ku sidee? Miyaadan weli arag shil dhacay? Shilka nasiib wanaag waxba kuma dhimane kuwaa boqolaal qof ku naf waydaa, maxaad wiilka u canaananaysaa? Shilku waa dhacaa maalin walba, ka horaaba teestiinku u baxaye oo illayn tagsiile waa iimaan la’ yahaye intuu is lahaa, ‘Tookada dambaad ka bedelaysaaye tan naag foolanaysa meelaha ka fiirfiirso weligiiba teestiinku hayska dhawaaqee!’ ayuu lugtii oo leexatay ku war helay.” Shilkiina waa la wada cabiray caymiskaana loo wada diray dhamaan baabuurtii.

Qaybta 17aad

Saacaddu markii ay ahayd laba iyo tobankii maalinnimo ayey Mulaaxo iyo caruurteedii gurigoodii tageen, qadadii kadibna waxaa Mulaaxo u yimid Oday Colow oo ay Mulaaxo walaalo yihiin, kuna yidhi, “Walaal wiilkii Cali-Dhuux ka waran ma la soo daayey?”

Waxayna ugu jawaabtay, “Haa walaal waa la soo daayey, oo ka waran reerkii?”

Oday Colow baa hadalkii qaatay oo yidhi, “Walaal reerkii iyo caruurtiiba waa fiican yihiin, waxaanan maanta kuugu imid in aad isku darto wiilkayga Mustaf iyo gabadhaada Intisaar, ogowna in wiilkaygu uusan ahayn reer baadiye ee aad adba ogtahay in uu Los Angeles jaamacad injineeriyo ah ka dhigto, hadana uu fasax ku joogo, oo xataa haday inantu rabto inay hadeer Maraykan aado ay hadaba raaci karto kharajkoodana anagaa qabna, haddii ay rabto in ay sii joogtana intaan isu meherino bay sii joogaysaa.”

“War inanta waxaa ka weyn laba kale oo Maraykan jira oo aan midna la qabin, anigu ma xukumo ee ninka dhalay weydiiso,” Mulaaxaa tidhi.

Mulaaxo oo hadalkii sii wadata ayaa tidhi, “Marnaba suura geli mayso in gabdhihii waaweynaa oo aan la guursan midda yar la meheriyo, waayo kuwa waaweyn ayaa loogu heesayaa ‘Gabadh gabadh ka yari dhaaftiyo geel yariba uugaar!'”

“Naa waad waalan tahaye ma gabdhaha dibadaha jira ee aadan ka war hayn in la qabo iyo in kale, ayaad leedahay waxaan la sugayaa inantan yar ee aan weli [iridii] hooyadeed ka bixin?” Oday Colow ayaa yidhi.

“War haduusan Mustaf qabin nin kale ma qabo waayo isagaa Maraykan la joogay,” Mulaaxaa tidhi. Wax la kaftamaba illayn horaa loo yidhi reer magaalku kaftankay hadalka ku idlaystaane, waxaa lagu kala tegay in mar dambe laysugu soo noqdo oo arrintan la gorfeeyo.

Intisaar waxay muddo saaxiib ahaayeen Cukeer oo ay aad iyo aad isu jecelyihiin, Hooyo Mulaaxana way la socotay in ay wax wada akhristaan illayn waa laba qof oo isku fasal ahoo habeen kasta inta badan waa isku imaan jireen, laakiin lama socon in jacayl gaamuray ka dhexeeyo.

Habeen habeenada ka mid ah ayaa iyagoo is shukaansanaya Cukeer iyo mataantiisii Intisaar, illayn burkaba bahal kama filayaane waxay doonaanba way isku odhanayeene, waxaa kadinka isugu nabtay Xakiimo Fiidow oo reerka shaqaale u ahayd, hadaladii ay maqashayna waxaa ka mid ahaa Cukeer oo dhahaya, “Yaakhii hooyadaa jidhoos waaye!”

Intisaarna waxay ugu jawaabtay, “Yaakhii walaahi aboowe jidhoos waa tahaye maxay kuugu taal dhooroosna ku raaxaysanayeen!”

Xakiima Fiidow weligeed ma tagin Cawayska Caliyaale oo ay gabdhaha la eyniga ahi tagi jireen, nin shukaansi ugu yimaadana maba jirin, waxayna la yaabtay sheeko xumadooda, illayn waa gabadh shukaansi afka oo ay ka maqasha mooyee aragba. Waxay nafteeda kula hadashay, “Tolow shukaansiga la sheegaa ma waxan oo kalaa? Ma hooyooyinkood iyo aabayaashood ayey ka wadi wayday? Cusbitaalow wax lagaama dheefo waa kuwaa dadkii cusbitaalka lagu dhalay! Cusbitaalow wallee kuguma foosho, oo hadaan ku foosho wiilka aan ku umulaa aniguuba i til-tilmaamayaaye!” Haddana waxay tidhi, “Anigaaba qoysanayee yaa ii xiiri? Nin i guursadaba ma hayee xaan fooshaa! Nin waan helayaaye amaan ma dhalaysad noqdaa! Taas Ilaahay baa ku shaqo leh ee waa in aan Khamiista Cawayska ka qayb galaa.”

Habeenkii oo dhan ma seexan oo waxay mar walba soo xasuusanaysay sheekadii dhex martay Cukeer iyo Intisaar, waxay kaloo soo xasuusatay ayaan hore oo ay reer deriska ah dab u doonatay ayaa waxaa bersada reerka turub ku ciyaarayey afar nin, iyadoo taagan ayaa mid yidhi, “Yey Xakiimo lugta taag.”

Mid kalaa yidhi, “Taagi maayo.”

Midkii sadexaad ayaa yidhi, “Xaad ku diiday?”

Midkii afraad ayaa yidhi, “Xoog miyaa?”

Sidaas awgeed ayey Xakiimo is moodey in iyada loola jeedo, marna wayba faraxday oo is tidhi, “Cawadaada nimankani magacaagay yaqaaniin!” Waxayse ka yaabtay markay hadaladaas nimanku dhahayeen midna iyada ma soo fiirinayn oo waxay ku mashquulsanaayeen waxay ciyaarayeen.

Qaybta 18aad

Habeen kale oo habeenada ka mid ah ayuu Cukeer u yimid mataantiisii uu wax walba ka jeclaa, akhristaha sharafta lahaw waa tee mataantiisu? Waxaan ku rajo weynahay in aad si fudud ku garan kartaan oo waa Intisaar, kuna yidhi, “Ina keen soo wada cashaynee oo baar allaale kaad dalbatid baan ka soo wada cashaynaynaa.”

Markii ay baarkii ay ku heshiiyeen tageen, kuna wada fadhiisteen kuraas dhir hoosteed taalay, kabalyeerigii baa u yimid. Cukeer baa ku yidhi, “Maxaa yaal?”

“Ma afkaan idiin ka sheegaa mise buugay ku qoran yihiin ayaan idiin keenaa?” kabalyeerigii ayaa yidhi.

“Maya afka nooga sheeg waxba buug ha noo keenine,” Cukeer ayaa yidhi.

“Waxaa hadda diyaar ah birimo bariis, baasto saldaato, baasta makarooni, asalaatooni iyo wadani; sugunto hilib adhi, buskeeti, aroosto, malay, hilib digaag, iyo [tayl],” kabalyeerigii ayaa yidhi.

“Aboowe ii keen aniga waslad hilib adhi ah iyo [] bariis ah, iyana weydii ee u keen waxay dalbato,” Cukeer ayaa yidhi.

“Aboowe waxba ma cuni karo ee amateedkaa iga xidhan ee hal dhaylo oo isku dubahaadhan iyo doobiyo baasto saldaato ama doobiyada iigu bedel baasto makarooni iyo… Ama intaa ii keen horta wixii kale dib ayaan ka dalban doonaaye,” Intisaar ayaa tidhi.

Markii la keenay waxay dalbeen oo dhan ayey Intisaar ku tidhi kabalyeerigii oo ag maraya, “Cabitaan miyaadan noo keenayn?”

“Maya anigu dhinacaas ma qaabilsani balse waxaan idiinku soo yeedhayaa wiilka cabitaanka ku shaqo leh,” kabalyeerigii ayaa yidhi.

Wiilkii cabitaanka ku shaqada lahaa ayaa yimid oo ku yidhi, “Cabitaanku waa Faanta, Kooke, Isbarayt, Mandariil, Raqay, Maangoo, Oranji milan, Kafee iyo Shaah, maxaan idiin keenaa?”

“Anigaa u xilsaaran inaan cabitaanka dalbo ee noo keen laba Kooke ah iyo laba Tashandhoonyo ah, sow sidaas maaha?” ayey ku tidhi Cukeer iyadoo dhoolacadaynaysa.

“Waa sidaas,” ayuu ugu jawaabay, kabalyeerigiina wuu keenay dhamaan cabitaankii ay dalbadeen. Intay cashada cunayeen oo dhan waxay ku kaftamayeen kaftan xiiso leh oo midba mar soo tuuranayey.

Qaybta 19aad

Markii ay waxay cuni kareen iyo waxay cabi kareen dhamaysteen ayaa Cukeer ku yidhi kabalyeerigii, “Noo keen.” Xisaabtii ayaa loo keenay waxayna noqotay 2910/-. Cukeer ayaa is yidhi lacagta ka soo saar jeebka dambe, markii uu gacantii geliyey mise maxaad ii dhiibatay? Surwaalkuba maaha kii uu ku ogaa shanta kun oo uu galabta walaalkii Muxsin oo inta muddo laba sanno laga joogo isagoo ah xisaabiye maamul lacageed oo shirkaddood uu ku talax tegay ama ku tagri falay lacagtii uu masuulka ka ahaa oo uu siduu doono ka yeelay isagoo is leh ciddi kuma arkaysee aqalo jeexo, kadibna Guddiga Xisaabi xil-maleh ayaa u xabageeyey Xafiiskii, jeelkana u taxaabay wixii uu lunsadayna waa laga qaaday. Galabta markii uu Cukeer walaalkii Muxsin weydiisanayey in uu siiyo lacag, Muxsin wuxuu ku hadlayey hadalo badan oo is daba joog ahaa oo ay ka mid ahaayeen, “Maal qabdhaye qaab daruu u dhumay [] qandhaday ayaa qidmo laygu saaray!” oo uu ula jeedo maal qabtaye xaggee aaday? Aaway?

Cukeerna surwaalkan uu gashan yahay ayuu mooday inuu lacagta ku ritay, laakiin surwaal uu gurigii uga yimid ayuu ku riday, wax uu sameeyo ayuu garan waayey, dhidid madaxa duqsiga le’eg ayaa kor iyo kal ka soo wada booday oogadiisa oo dhanna qooyey, in uu ku dhufto (waasho) ayuu ku sigtay fiiris qudhaana ka soo hadhay, marna wuxuu fiiriyaa kabalyeeriga marna gabadha.

Intisaar way fahamtay inuusan lacagtii wadan oo waxay is tidhi, “Markii uu baska soo raacayey ayaa tuug kala baxday.”

Balse kabalyeerigu wuxuu is yidhi, “Lacagtuu gabadha ka qarsanayaa oo gacanta uu jeebka kula jiro ayuu ku tirinayaa sodon xaashiyood oo min boqol ah.” Wax Cukeer gacantii jeebka kula jiraba kabalyeerigii wuxuu sugi waayey kuna badnaatay waqtiga uu soo saarayo wuxuuna is yidhi, “Marba intay ka khaldanto ayuu ku noqonayaa,” waxaase ka yaabiyey dhididka uu Cukeer dhididay.

Kabalyeerigii baa hadlay oo yidhi, “War bakhaylsanidaa ma waxaad iiga masuugaysaa sagaashanka shilin ee ii soo hadhi lahaa, iyagana kaama rabo oo waan kuusoo celinayaa oo keen lacagta.”

Cukeer wuxuu markii hore damcay in uu feedho, hadana way la ahaan wayday oo wuxuu yidhi, “Saaxiib sidaad mooday maaha lacagtii baanan wadan gurigana kusoo ilaaway, sidaas awgeed tagsi ayaan qaadanayaa oo toban daqiiqo ha lay sugo.”

“War tagsi tagsi lahayne iska bixi. Intii aad wax islaameed ka dheregtay ayaad leedahay lacag ma haysto! Ama hakaa bixiso midaan dhaylo cunka badan oo boorsada wayn wadata, miyaan lacagi ku jirin mise fasaleetiyo ayey ku urursatay?” kabalyeerigii ayaa yidhi.

“War waad edeb daran tahaye ma shaqo kalaad wayday maxaad ii tiltilmaamaysaa?” oo intaa kuma hadhine koob biyo qaboobi ku jiraan dusha kaga saydhay kabalyeerigii oo intay afkeedii furay cay u taana-taanaysay, Intisaar waxay caytantaba dhamaan shaqaalihii iyo dadkii cashaynayey waxay ku soo urureen miiskii ay ka qaylo dhaaminaysay.

Dadkii oo dhami waxay damin kari waayeen buuqii iyo sawaxankii gabadha. Badroonigii baa yimid oo arrintii waraystay, Cukeerna siday u dhacday ayuu u sheegay qisadii oo tifaf-tiran min bilow ilaa min dhamaad. Intisaar boorsadeeda waxaa ku jirtay toban kun oo maanta Xaaji Cismaan ku yidhi, “Aabe laba diric ku soo gado haday kuu goyso.” Markii hore waxay damacday in ay iyadu bixiso balse markii arrintii murugaty ayey garan waydey si ay u tidhaahdo, “Hoo lacagta.”

Badroonigii ayaa yidhi, “War Cali iyo Aadanow soo raaca oo tagsigay sheegayaan la fuula lacagtana ka soo qaada, gabadhana halkan ha lagu ilaaliyo.”

Markii intaa afkiisa ka soo baxday ayaa nin dadkii cashaynayey ka mid ahaa hadalkana ka xumaaday, awalna wuxuu badrooniga ka filayey inuu odhan doono iska orda ama keena ama la maqnaada, ayaa isla markiiba sadex kun jeebkiisa ka soo saaray oo yidhi, “War saddex kun ka badan miyaad ku leedahay? Hoo waatane, carruurta ha xagxagane!”

Qaybta 20aad

Isla markiiba (durbadiiba) kadinkay ka wada baxeen iyagoon dheg la qabto lahayn, oo haddii jidhkooda sakiin lagu saro dhiig ka imaanayn. Intisaar labadooda indhood way ka jeceshahay Cukeer hadii ay awood u leedahay ama isagu ka yeelayo waxay odhan lahayd gurigayaga seexo.

Cukeer laftigiisu wax walba ka jecel Intisaar, maalin walba fasalka dhexdiisay waraaqo isku dhaafsan jireen. Heestan soo socotana waxay ka mid tahay heesihii Cukeer u diri jiray xabiibtiisa Intisaar:

Dheemantiyo luulay
Dhaayaha u roonay
Johorad dhalaashoo
Indhaha fuur ku dheehday
Dhibic roob da’aysaay
Waagii oo dhag yidhiyey
Dhool gu’yoo hilaacoo
Dhulkii wada iftiinshay
Inanyahay dhabtii
Hurdo kala dhaqaaqnee
Ii soo dhawoowoo
Dhinaca igu qabo.

Sidaas iyo si la mid ah ayey iyana heesaha iyo waraaqaha ugu diri jirtay xabiibkeeda Cukeer, ardayda dugsigana waxay ku xaman jireen way is qabaan waayo iyagoo isku maran ayey dugsiga imaan jireen, iyagoo sidii isugu dheganna way ka wada bixi jireen, waxayna ku heshiiyeen in marka imtixaanka kama dambaysta ah galaan ay isla aqal geli doonaan, inta ka horaysana midba dhiniciisa ka ilaaliyo jacaylka.

Xaaji Cismaan waxaa gabadhiisa Intisaar ah weydiistay Xaaji Been-Buufiye oo ku yidhi, “Xaaji Cismaanow isii gabadhaada Intisaar ah oo waxaan u rabaa wiilkayga ee bishan Abuu Dabay ka imaan doona oo weliba ii meheri, waad ogtahay inaan hada ka hor markii aad i tidhi gabadha aad adeerka u tahay ee caymiska u shaqaysa isii oo ii meheri waxaan u rabaa wiilkayga Maraykan jira sidii wacnayd ee aan arrintaa u fuliyey.”

Xaaji Cismaan inkastoo aannu raali ka ahayn inuu Intisaar bixiyo waayo wuxuu la rabay in aysan nin guursan ilaa ay jaamacad dhamayso, cabaar ayuu aamusay markii dambena wuxuu yidhi, “Meel aan ka hadlo ma joogo ee waan ku siiyey, balse marka wiilku yimaado aan is baro kadibna iyagu ha ku heshiiyeen waqtigay is mehersanayaan, hooyadeedna aan kala soo tashado.”

“Xaaji anba hooyadeed iyo walalkeed midna lama soo tashan oo waanigii kuu meheriyey ee ama diiday dheh ama gabadha i sii,” Xaaji Been-Buufiyaa yidhi.

“Anigu gabadhii waan ku siiyey ee adiguna ha fududaan,” Xaaji Cismaan ayaa yidhi.

“Waan kaa gudoomay,” ayuu Xaaji Been-Buufiye ku jawaabay.

Qaybta 21aad

Xaaji Cismaan wuxuu go’aan ku gaadhay inuusan waxba u sheegin xaaskiisa si aysan buuq ugu kicin oo kolay wuu ogyahay in ay odhanayso, “Intisaar waa laga weyn yahay oo sidee u bixisay? Maad Muna ama Filka-Roon mid un bixisid?”

Cali-Dhuux wuxuu noqday mid laga quustay oo lagu qasaaray! Waano iyo wax u sheegid way kala quusteen labadii dhashay, wuxuuna u go’doomay inuu habeen iyo maalin midnaba la arki waayo, dhowr jeer bay ka bixisay Mulaaxo lacag uu dad been iyo turufo kaga qaaday si uu cawayska ugu galo.

Xaaji Cismaan markuu wuxuu sameeyo garan waayey si uu Cali-Dhuux u galana aqoon waayey, oo xataa uu Cali-Dhuux ku yidhi, “Aabo lacag ayaan ku siinayaa ee wadankaad doontid u dhoof, mar haddaad diiday inaad wax baratid iyo in aad iila shaqaysatid,” ee uu intaas oo dhan diiday ayuu dayriyey, dayradii la dayriyey ayuu weli ku baaqi yahay (ku maqan yahay).

Xaaji Been-Buufiye waa Xaaji maal badan Ilaahay ugu deeqay, waa ganacsade weyn oo ka mid ah ganacsatada waaweyn ee caanka ku ah gudaha iyo dibaddaba. Markii hore ee uu Xaaji Cismaan weydiisanayey Intisaar wuxuu u rabay wiilkiisa, hadase isaga laftiisii baa gabadhii jeclaaday.

Waqtiyadii uu intan ka yaraa wuu ka yaabi jiray dadka yidhaahda, “Hebel jacayl buu u dhintay!” ama “Waa hayaa!” Hadda cuntadii wuu ka go’ay, hurdadiisa oo awalba yarayd ayuu hadda indhaha isa saari kari waayey, ee awal xisaab ayuu ku riyoon jiraye waqtiyadan danbe isagoo Intisaar la hurda ayuu ku riyoodaa, illayn akhrisataha sharafta lahaw waa yaabka yaabkiise toddobaatan jir wax caashaqay ma seexdo!

Wuxuu saddex malyan oo shilin ku shubay koonta korontadii (xisaabta socota) Xaaji Cismaan, wuxuuna Xaaji Been-Buufiye uga jeeday lacagtaas uu ku shubay koonto korantada gabaati uu ugu diyaargaroobayo inuu kula xidido Xaaji Cismaan uuna siiyo Intisaar oo ah gabadha loo dig iyo dam leeyahay.

Xaaji Cismaan weligiis koonto korontadiisa (xisaabtiisa socota) isaga mooyee qof kale waxna kuma shubo waxna kama qaado, xataa Cali-Dhuux ku dhahoo marka laga reebo Ismaaciil oo ah wiilka rajayga ah intuusan dibadda waxbarashada ugu dirin ee xataa haduu qof wax siinayo wuxuu siin jiray kaash, ama isagaaba laanta imaan jiray ee wuxuu rabo intuu ka qaato cadaan ahaan u siin jiray qofka la socda ama uu la rabo.

Markii ay muddo saddex maalmood ah kasoo wareegtay maalintii Xaaji Been-Buufiye ku shubay lacagta xisaabta Xaaji Cismaan, ayuu Xaaji Cismaan u baahday inuu wax ka qaato lacagtii bankiga u taalay, kadib wuxuu ogaaday in lacag aanu ogayn cid ugu shubtay koonto korontadiisa loogu shubay.

Maamulihii laanta ayuu Xaaji Cismaan u tegay weydiiyeyna inuu u sheego qofka ugu shubay lacagta koonta korontadiisa, maamulihiina wuxuu u sheegay in nin Xaaji Been-Buufiye la yidhaahdo xisaabna ku leh laantan inuu saddex malyan xisaabtiisa ka soo wareejiyey kadib taada ku shubay.

Markii uu yaqiinsaday inuu Xaaji Been-Buufiye arrintan sameeyey uuna u sameeyey inuu kula xidido gabadhiisa Intisaar, ee uusan weli Xaaji Cismaan u sheegin inanta iyo hooyadeed midna ayuu wuxuu ku fakaray inuu lacagta saddexda malyan ah ku celiyo xisaabta Xaaji Been-Buufiye, maxaa yeelay wuxuu sidaas ugu fekerayey in arrintani meel fog tagi doonto ama weji kale yeelan doonto, waayo horaa loo yidhi fari tog dheer bay kula xushaa. Wuxuu is yidhi, “Haddii aad ku celin lahayd maamulahaan kaa yeelayn, haduuse kaa yeelo sow ceeb maaha ama Xaaji Been-Buufiyaa odhan doona wuu qawaday oo berri ayuu afar malyan xisaabtayda ku soo shubayaa,” waxaa sidaas naftiisa ku maararoobinayey Xaaji Cismaan.

Mulaaxo iyo Oday Colow waxay mar labaad oo ay kulmeen isla soo qaadeen arrintii ku saabsanayd in laysku meheriyo Mustaf Colow iyo Intisaar Xaaji, waxay arrintii gorfeeyaanba waxay Mulaaxo diidaba Oday Colowna ku dirqiyo waxaa arintii lagu soo gebagebeeyey in Oday Colow Xaaji Cismaan u tago oo weydiisto gabadha. Taasna Oday Colow ma raali gelin ee wuu diiday wuxuuna yidhi, “Walaal gabadh waliba waa hooyadeed Xaajigana adigaa ka dhamayn kara ee ka soo dhamee, waana inaad arintan adigu isku duba ridaa oo carruurta meherkooda lagu qabtaa hoteel allaalo hoteelkay dalbadaan, waana in cajilado fiidyow laga duubaa si ay hadhow carruurtoodu u daawato meherkii hooyadood iyo aabahood.”

Mulaaxana waxay tidhi, “Waa yahay anigaa arrintaa soo dhamaynaya showrna (shir) aniga iyo Xaajigaa ka wada lahaan doona haddii Ilaahay idmo, waxaan ku rajo weynahay haddii Ilaahay laga helo in ay dhakhso isula aqal galaan.”

Sidaas ayaa iyagoo wada dhoola cadaynaya lagu kala tegay. Markay wada sheekaysanayeen Mulaaxo iyo Oday Colow ayaa Intisaar oo qolkeedii ku jirtay waxay maqashay in magaceeda la hadal hayo, kadibna waxay isku dayday inay intay sii dhaafto qolka fadhiga oo ay fadhiyaan iyo qolka hurdada oo isku furan ay ka hurdada gasho oo sidii qof tawaleedka ku shanlaysanaysa iska dhigtay, balse Hooyo Mulaaxaa ku garatay oo ku tidhi, “Naa soo bax oo cabitaan nooga soo gad dukaanka.”

Qaybta 22aad

Markii ay ka soo wareegtay muddo toddobaad ah maalintii uu Xaaji Been-Buufiye lacagta ku shubay xisaabta Xaaji Cismaan, hadana iyagoon weli is arag labadii Xaaji ayuu subax uu cidla’ yahay guriga Xaaji Cismaan buu Xaaji Been-Buufiye yimid isagoo laba Land Cruiser oo uu mid wato, midka kalena darawal wado oo waa siduu rabaye, markuu hubsaday in guriga Xakiimo oo shaqaale ahi mooyee cid kale joogin ayuu labadii gaadhi kii cusbaa gudaha soo geliyey [oo ku] xidh-xidhay.

Xakiimana wuxuu u dhiibay furaha gaadhiga kuna yidhi, “Adeer furaha sii Xaaji Cismaan una sheeg in gaadhiga uu guriga keenay Xaaji Been-Buufiye oo yad ahaan kuu siiyey, Intisaarna igu salaan.” Sidii aan horeba idinku soo sheegay, markii hore Xaaji Been-Buufiye wuxuu gabadha u rabay wiilkiisa Kayse ee Abuu Dabay ka imaan lahaa, hadase isagaaba jacayl dartii u buka, maalkiisa oo dhan haduu Xaaji Cismaan yidhaahdo igu soo wareeji oo gabadhii wataa wuu yeeli lahaa, wiilkiisa fasaxa ku imaan lahaana intuu telefoon u diray ayuu ku yidhi fasaxaaga ku qaado Abuu Dabay, xiligaa Soomaaliya waa bilihii ugu kululaa wiilkiina sidii ayuu yeelay, Xaajiguna wuxuu sidaas u yeelay inaysan arrintu fashilmin. Sow wareer dhici maayo haddii gabadhii wiilka la siiyey, wiilka aabihii ku qabsado!

Xaaji Been-Buufiye wuxuu maalka faraha badan ugu quudhay reerka gabadha dhalay in hadhow markay arrintu soo shaac baxdo loo yidhaahdo, “Xaajiga ha loo meheriyo, naag ninkii dhali karaa dhiqi karee, waayo wiilka isagaa ka weyn kana maal badan.”

Xakiimo waxay Xaaji Cismaan markuu yimid u sheegtay wixii loo faray laakiin Intisaar waxba uma sheegin, waayo waxay ka baqday in haday u sheegto xanaaqdo, kadibna hooyadeed u sheegto oo markaa shaqada laga eryo, shibteedayna u baxday.

Markii Xaaji Cismaan qadeeyey ayey Mulaaxo ku tidhi, “War waa maxay ninka Buufiyada lagu sheegayo oo gaadhiga guriga keenay lana yidhi wuxuu yidhi waa yad gaadhigu, war ma Muna oo Maraykan jirta oo aadan ka war hayn in la qabo iyo in kale ayaad rabtaa in oday aabaheed le’eg siisid? War ma adiguu kuugu ballan qaaday inuu ku siinayo gabadh uu dhalay? Sidee Muna u siin kartaa?”

Xaaji Cismaanna wuxuu ugu jawaabay, “Naa waa ku sidee, ma masayrtay? Miyaadan ogayn in afar naagood aan guursan karo? Sidee ku ogaatay in Muna ama gabadh kale ninku rabo? Tartiib is deji, soddoh baad tahaye xishood. Aniga iyo Xaajiguna saaxiib ayaan nahay waana seexanayaaye iga daa qaylada!”

Qaybta 23aad

Mulaaxana marnaba kuma fekerayn gabadha Intisaar ah ayaa loo socdaa, maxaa yeelay yaraanta ay ka yartahay ka sokow iyadaaba is lahayd, “Tolow ma caawaad u sheegtaa mise habeen danbe Xaajiga in laysku meheriyo Mustaf iyo Intisaar!”

Intisaarna waxaa iyada qorshaha ugu jirtay in ay iyada iyo Cukeer is mehersadaan maadaama hooyadeed iyo aabaheedba la ogyihiin inay saaxiib yihiin, Cukeerna wiil fiican yahay. Waxay ku fekeraysay, “Tolow ma aabaad u sheegtaa mise hooyo? Maya ee yaanan hooyo u sheegin ee aan aabo u sheegto jacaylkayga, isagaa aad ii jecele.”

Xaaji Cismaan hurdo uu seexdo maba joogtee, laba indhood isuma keenin sidii Mulaaxo uga tagtay oo tidhi, “Tacsi baan aadayaa,” wuxuuna ku fekerayey sidii uu Mulaaxo ugu sheegi lahaa inuu gabadha Intisaar ah bixiyey weliba isagu is meheriyey.

Xaaji Cismaan wuxuu ka baqayey inay ka qaadan waydo Mulaaxo, “Maya ee waa inaan marka hore yarta af-maldaheedyo kula hadlaa kuna kala ogaadaa ra’yigay ka qabto hadaan nin siiyo.”

Waxay maskaxdiisu hadba go’aan soo saarto, hadana mid kii hore ka duwan soo tuurto sidii rikoodh Nashnaal ah oo cajiladii ka dhamaatay oo isagu is damiyey ama iska soo tuuray, wuxuu laba caloolyaba, markay qoraxdii baalka dhigatay baa Intisaar oo is tidhi, “Ka faa’iidayso jaaniska mar hadii hooyo maqan tahay, aan aabe la hadlo una sheegto inuu isku kaayo meheriyo anigiyo Cukeer,” ayuu aabaheed arkay iyadoo kadinka la soo gelaysa gurigii uu hurday.

Isla markiiba intuu farxay qoslayna yiri, “Maxaa daran aabe? Soo gudub oo halkan fadhiiso. Ka waran waxbarashadaada iyo macalimiintaada sow ma fiicna?”

“Aabe wax darani ma jiraan Ilaahay haynaga hayee, waxbarashadayda iyo macalimiintayduna way fiican yihiin,” Intisaar ayaa tidhi.

Markii cabaar dood xiisa lihi dhex martay ayuu Xaajigu yidhi, “Aabe waadiga fasalka saddexaad ahe ma taqaan waxa af-maldaheed la yidhaahdo?”

“Aabe anigu ma aqaan wax af-maldaheed la yidhaahdo ee ii sheeg,” Intisaar ayaa tidhi.

Xaajigii baa hadalkii qaatay oo yidhi, “Af maldaheed waxaa la yidhaahdaa isku jir bah lagaado iyo bah shareero. Bah shareero waxay ka kooban tahay lixda qaybood ee kala ah: shareero, ekeeye, qofayn, maakuubid, sarbeeb iyo kinaayo. Bah lagaado ee ka kooban shan qaybood oo kala ah: jeesjees-wiirsi, buunbuunin, [yamxeerin], xusid iyo silan-sugan. Hadaba aabo waan jeclaan lahaa inaan kuu wada sharaxee waqtigani waa Maqrib mana wayso qabo, waxaan kuu sharaxayaa sarbeeb iyo makuubid, ee waysada ii keen oo intaan tukanayo falaasta kafee iigu soo shub.”

Qaybta 24aad

Markii uu salaaddii ka soo jeestay ayuu casharkii u bilaabay Intisaar oo goorahanba ag fadhiday, “Sarbeeb waa sheeko ama sifayn macna labaad leh oo ka danbeeya macnaha cad, macnaha dushu wuxuu leeyahay xiiso gaar ah, balse macnaha qarsoon baa ka xiiso roon. Tusaale: Gamaankiina badan Faytinow gobolba waa cayne, qaar baa ka goor iyo ka goor godolka daynayne. – Saahid Qamaan. Ama markii Faytin ugu jawaab celinayey: Nin gamaan yaqaan maqasha waa gaasa bixiyaaye.”

Intisaar ayaa hadalkii soo dhex gashay oo aabaheed ku tidhi, “Aabe foom wankaygii ayaa gabaygaas la ii dhigay af-maldaheedyana wax kalaan moodayey ee ma moodayn in wixii laba sanno ka hor la ii dhigay aad igu celinaysid, hana moodin inaan khaldanahay waayo horaa loo yidhi war la qabaa xiiso ma leh!”

“Aabe aad iyo aad baad u kulushahay oo waxaa kaa fiican Muna iyo Filka-Roon, in aad anigoo aabahaa ah ii maahmaahdid weliba tidhaahdid waan saxnahay maaha, waase adduunyo! Hadiise laba sanno ka hor laguu dhigay maba xumee aan ku dhegaystee ii sharax!” Xaji Cismaan ayaa yidhi.

“Aabe waa mide iga raali noqo, waa midda labaade macnaha gabaygu waa in ninka Faytin la yidhaahdo fardo badan lahaan jiray, midkii ugu socodka xumaa uu siiyey ninka Saahid la yidhaahdo oo faras waydiistay, balse aabe casharkii halkii iiga sii wad waan ku dhegaysanayaaye,” Intisaar baa tidhi.

“Aabe waadba fiican tahay hadaad khaladkaagii qiratay, sarbeeb waa kuu sharaxay macnaha aad u fahamtayna maaha kan qarsooni, ee waxaad ii sheegtay macnihii dusha, kan qarsoonina waa gabdho waxa gamaanka lagu metelayo, taasi waa taa, tan kalena waa sidatan soo socota: Maakuubid waa qayb ka mid ah qofayn, oo ka hadasha xayawaanka, waxa aan noolayn ama qof maqan, ulana hadasha sidii wax jooga, tusaale ‘Tukayahow adaan kaa calmaday haadda coofka lehe,’ ‘Hadaan arlada u kaco kuma ilaaweeye adigaaba ilma-adeeradaa geela waygu ag maalaane, hadaan aabahaa ahay maxaad ii anfici wayday?’ ‘Aduun gaabtay ubad wada hablo ah oori kululaatay, waa waxaan sidaa ula engegey urugadoodiiye.'”

Waxay gurigii ku wada sheekaystaanba, inkastoo aanay Intisaar ka raali ahayn in uu waqtiga kaga lumiyo wax aanay fahmayn, wuxuu inantiisii Intisaar u sheegay nasiib wanaag inuu nin maal qabeen ah ku meheriyey. Waxay markii hore is adkaysaba oo niyada iska tidhaahdo, “Aabahaa miyuu ilaaway Cukeer? Mise wuusan ila rabin?” Markii dambe waxay tidhi, “Hadal waalid lama diidee aabe waxba kama qabo.”

Mulaaxana isla habeenkii ayuu u sheegay, in kastoo ay markii hore is giriirixisay hadana way ogolaatay markii ay maqashay waa maal qabeen, ee uu Xaajigu ugu maahmaahay gabadh kun baa koolisa kow baana guursada.

Xaaji Been-Buufiye wuxuu Xaaji Cismaan mar ay kulmeen [u sheegay] in wiilkii uu gabadha u rabay uu Abuu Dabay ku aqal galay fasaxiisiina uu ku qaadan doono Abuu Dabay.

Xaaji Cismaanna wuxuu yidhi, “Ama adigu guurso ama wiil kaleba u guuri, ee anigu waa sidii aan kuu siiyey gabadha ee yaan xaal ku raacin.”

Waxaa laysku afgartay in Xaaji Been-Buufiye isagu gabadha mehersado, muxuuse xaal ku raacaa illayn awalba wuxuu la’aa siduu u odhan lahaa, “Aniga inanta ha lay meheriyo.”

Qaybta 25aad

Waxay labadii Xaaji ku kala tageen in maalinta Sabtida habeenka Axaddu soo galayso Intisaar iyo Xaaji Been-Buufiye laysugu meheriyo guri Xaajigu leeyahay oo agagaarka Liido ku yaal. Intisaar hooyadeed waxay diyaar u ahayd inay qayb libaax ka qaadato meherka inanteeda. Intisaar laftigeedu waxay hooyadeed iyo aabaheed u sheegtay inaysan waxba ka qabin in caawa la meheriyo, uurka kama jirin ee waxay qaadi wayday (diidi wayday) hadalkii waalidkeed. Hawshii meherka oo si fiican loo soo agaasimay ayaa siddeeddii fiidnimo gurigii loogu tallo galay in lagu meheriyo la keenay Intisaar. Markii aayadihii Quraanka Kariimka ah la dhameeyey, hadalkiina la bilaabay oo araarasho kale lagu jiro jawiga meeshuna yahay mid aad kuu farxad gelinaya dhan kastood ka eegtid, dadka ka soo qayb galayna ay kumaan kun kor u dhaafeen, ayey mar keliya Intisaar oo madasha fadhiday ku aragtay riyo maalmeed (day dream) Cukeer oo inta loo meheriyey la aqal galay, wax ogaa ma jirin in ay riyoonayso.

Waxaa hal mar laga war helay Intisaar oo kadinka orod kaga sii baxaysa qaylinaysana, wax qayladeedii laga gartana waxaa ka mid ahaa, “Alla ma Cukeer? Alla ma Cukeer ayaan maal ka doortay? Alla maya! Maya ee isagaaba wiil soo koraya ahe ma coomaadaa layga gatay? Ma labaatan jir baa toddobaatan jir lay dhaafiyey?”

Dhamaan dadkii way daba ordeen haba ugu horayso Mulaaxee! Sidii loo daba ordayey iyana u sii ordaysay, ayaa islaan wayn oo meesha joogtay dhashayna Xaajiga wax loo meherinayo hadalkii qaadatay oo tidhi, “Naa iska aamusa tan wax baaba u dhimane! Ilaah baa naga badbaadiyaye waayo haday meherkeediiba sugi wayday ma fool bay sugi lahayd? Tani waa ma sugto… Waa ma sugto meher maleh!”

***

Qaybtii 1aad halkaas ayey ku dhamaatay, la socda Qaybta 2aad oo dhowaan soo bixi doonta.

DHAMAAD.

Mahadnaq

Waxaan mahad weyn u celinayaa Ciise Obsiiye Xuseen, Maxamed Sahal Aadan, Cabdicasiis Cali Jaamac, Maxamed Faarax Cali, Maxamuud Maxamed Xasan, gacan weyna igu siiyey la’aantoodna aanu suura gal ii noqdeen soo bixida buuggu.

Waxaan kaloo mahad taa la mid ah u celinayaa Axmed Caynaanshe Cawed-Shire, Aadan Salaad Xasan, Cabdirashiid Maxamed Faarax, Sahra Xasan Xirsi, Sahra Ibrahin Cali iyo Xaawa Saleebaan Maxamed oo mar walba iila diyaar ahaa dhiiri gelin joogto ah.

Waxaa mahad gaar ah u celinayaa Kayse Xirsi Faarax Abyan oo sawirka jeldiga ii sameeyey.

Waxaan kaloo u mahad naqayaa dhamaan dadkii sida tooska ah iyo sida dadbanba ii taageeray.

M. C. Cawed-Shire.

Ma La Socotaa?

Intisaar ma heshay Cukaar?
Dhiiggii ma ku karay Xaaji Cismaan?
Ma jacayl buu u dhintay Xaaji Been-Buufiye?
Cali-Dhuux xaggee ku dambeeyey?

Dhammaan su’aalahaas jawaabahooda iyo kuwo ka sii xiiso badanba waxaad ka akhrisan doontaan Qaybta 2aad ee Masugto Meher Maleh markay idin soo gaadho. Filasho wacan.

3 0000 000 201 065

Waqtiyadii uu intan ka yaraa wuxuu ka yaabi jiray dadka yidhaahda “Hebel jacayl buu u dhintay!” ama “Hadda ayuu hayaa!” Hadda cuntadii wuu ka go’ay, hurdadiisa oo awalba yarayd ayuu hadda indhihii isa saari waayey, oo awal xisaab ayuu ku riyoon jiraye, hadda ama waqtiyadan dambe isagoo Intisaar la hurda ayuu ku riyoodaa! Illayn akhristaha sharafta mudanow, waa yaabka yaabkiise toddobaatan jir wax caashaqay ma seexdo!

Baalkii Madoobaa ee Noloshayda

2016

WARSAME CUMAR XUSEEN “SHIIDLEEY”

Dhamaan xuquuda buugan waxay u dhawarantahay qoraaga. Lama badsan karo si kasta oo loo dhigaba, iyadoon ogalaansho loo haysan. Cidii ku xadgudubta waxaa lala tiigsan doona maxkamad sharci ah oo adduun ama waxaa lala sugi doona mid aakhiro ee Alle,iyadoo shareecada Islaamku ay meel cad ka istaagtay xaaran ahaanshaha bililiqaysiga buugta, sida ku xusan buuga “Xuquuqda Daabacaadda” ee Sheekh al-Albaani.

Mahadnaq

Mahad dhammaanteed waxaa iska leh Alle swt ii suurtogaliyey dhammaystirka buuggan kooban, waxaan sidoo kale u mahad celinayaa waalidkaygii isoo barbaariyey ee igu tabcey iganna dhigay qofka aan hadda ahay Alle ka sakow.

Hordhac

Baalkii Madoobaa ee Noolashayda kolka koobaad, inta aad si dhaygag leh isu taagto ayaa aad u hollan doontaa inaad akhrido magaca, dabadeed aad kala furto si aad u daalacato nuxurka gudihiisa ku jira; waxbaad dareeemi doontaa, niyaddaadana bilawgaba ruxi doona mustaqbal gabadheed oo quruxdiisu soo carfayso, bilawga goortaad akhrisato waxaad dareemi doontaa mustaqbal dhan walba ka qurux badan. Ugu horraynta, nolosha curdinka ah iyo hanka aqooneed ee gabadhan qisadu ku socotaa siday u bilicsan tahay ayaad la dhici doontaa kuna dareeen siin doona ifa-faalaha mustaqbal ee gabadha iyo sida ay meel sare u hiigsanayso; haddana dhanka kale isla daqiiqado ka gadaal nolol guri , jacayl, naxariis iyo niyad samaan leh ayay laydheedu ku jiidhi doontaa; adigoo sii baraadla’ ayay albaabbada naxdintu markaliya isku kaa ballaqi doonaan! Maan kaaga waxaa kusoo deg-degi doona niyad jab, rajo-dhig, nacayb-rageed iyo inaad guur inan rageedba ka xanaaqdo! Waxaase kuu caddaanaysa, tabaha iyo xeeladaha ragga noocooda gaabsi doonka ahi ay gabdhaha ku hodaan kuna hagar-daameeyaan. Waxaad sidoo kale ku baran doontaa sida rag badani ay ugu cayaaraan mustaqbalka gabdho badan oo aan nolosha u bislayn. Ninku kolka uu khayaano usoo xadhka soohdo kama nasto illaa uu ka gungaadho, waana halkay daaran tahay maah-maahda odhanaysa “nin danleh ma daalo”.Dhiganahani wuxuu macalin bilaa shilimaada kaaga noqon doonaa tabaha lagu soo xero geliyo gabdhaha kuwa ugu weyni inay yihiin ereyada dareen taabadka leh ee macaan kuwaa soo muujinaya jacayl aan dhuunta dhaafsiisnayn iyo daacad nimo aan carrabka ka korayn taasi oo ay adag tahay inay fahanto gabadh yari illaa mid gaaso-baxday mooyee. ? Buuggan oo si xikmadaysan, misana xeeladaysan uu qoraagu ugu soo gudbinayo sheeko la yaab leh oo ka dhacday gudaha magaalada Xamar sannadihii lasoo dhaafay, dabadeedna qalinka inta la dultagay si heersarraysa innoogu soo gudbiyay. Waxa ay qisadani ku habsatay gabadh da’yar oo markaas soo baxaysa qurux iyo qaayana isku darsatay balse nasiib darro uu qalbiga ka xaday ragga nooca loo yaqaanno “Shabeel-naagoodka” mid ka mid ah. Intii uu gabadhan marxaladaha kala duwan la maraayay wuxuu u adeegsaday hubka qalbiyada dumarka lagu gumaado kuwooda ugu culus uguna awoodda weyn, si uu u gaadho danta uu ka leeyahay. Waxa ay taasi dhalisay in gabadhii kalgacayl aan jirin lagu sabo lagana danayso, iyadna ay waydo guud ahaan mustaqbalkeedii gabadhnimo iyo kii geeddi socodkeeda nololeed labadba. Qalanjadii curdinka ahayd oo ku cataabaysa, “Caku inan rageedoow, Maxaad gabadh cunteenood, Cidlo madhan dirteenood, Cisigii ka faydeen” misana ciirsi weyday oo calool xumo daraadeed xilliyada qaarkood isla hadlaysa, ayaa qoraha la wadaagaysa gun iyo baar sidii ged-geddoonka waayuhu ku ahaayeen intii marxalladdan kakan ay dhex muquuranaysay iyo hadda siday wax yihiin. Iyada ayay qisadani qabsatay, iyada ayaana ah mataalaga ugu weyn ee qisadan. Muddo markii af macaan lagu sabo, waxaa lagu beeri doonaa jacayl aan dibnaha dhaafin iyo mustaqbal guur oo aan maanka gaadhsiisnayn; waxay la jiifi waayaysaa jacayl mala-awaal ah, kaasiyoo oontii ka jaray anfaca dhammaanteedna uga soontay, iyo illin aan xad lahayn oo ku gun-xidhan waayidda muuqiisa oo sida dheemmanta ugu hillaaca, muddo waxay la noolaato dareen aan jirin oo la dhacsanaato hawo been ah iyo farxad malo-awaal ah, waxay soo gaadhaysaa xilligii uu ka dheeraan lahaa. Gabbal dhacii ay faraxa iyo rayn-raynta kaga soo guryo-noqotay wuxuu isku geddiyay mid murugo iyo ciil badan, waxay qaadaysaa “badnidaa habeen yahaw, baryi waaba waagii” . Goortuu ooggu iftiimay, maba aysan seexan’e waxay caga-cagaynaysaa daqiiqadihii ugu eedaadka iyo anfariirka badnaa; waxaana la joogaa gegida diyaaradaha ee Aadden Cabdulle, cagtuu saaray ayay gacaha dhulka la weyday, waxay kasoo baxday garoonkii diyaaradaha iyadoo qalbigu ruxmayo. Noloshu ayaantaa dabadeed waji gabax iyo madaw ayay isu beddeshay boholyawga caashaquna boqol ayuu kor u dhaafay, balse nasiib umay helin aleenkii koowaad uu usoo diro inay is maqlaan, dharaaro ka gadaal kolkii lays helay ayaa halkii lagasii amba qaadayaa jacaylkii danaysiga ku salaysnaa! Mudo waxay sidii ahaataba Yaasir oo ahaa danaystihii maanka gabadha dullaystay ayaa soo gaca dhigtay banderka Xamar, ray-rayn iyo u riyaaqid dheer ka gadaal wuxu la helay dabinkii uu la rabay kolkuu ka danaystayna waaka tagay. Meel uu jaan iyo cidhib dhigay kolkii la waayay dantu waxay is baraysaa gabadh la dhalatay Yaasir oo ahaa danaystiihii makalay mustaqbalkii ifayay, kama aysan helin gar-gaar buuxa, niyad jab iyo luuf-luuf dheer ka gadaal, Yaasir muusan mahadin wuxuuna galay dhakhtar taasiyoo loo dhigay qalliin xubinta taranka ah! Sheekadan oo ah mid wajiyo badan, danta ugu weyn uu qoruhu ka lahaa oo ah, sida ugu habboon in loo soo tebiyo gabbood-fallada raggu u geystaan haweenka iyo dhaqanka tacaddiga ku salaysan ee ay kula dhaqmaan aalaaba gabdhaha. Sidoo kale ujeedka ka dambeeya soo gudbinta sheekadani wuxuu biya dhaceedu yahay wacyi gelin iyo digniin akhriste yaasha tusaale nool u ah siiba gabdhaha aan wali nolosha u bislaan, sidoo kale akhriste yaasha waxa loogu talo-galay inay noqdaan farriin tebiye-yaal intii aanay qalin ku gaadhin carrab ku gaadhsiiya iyaga oon lunsanayn xaquuqda qalinka qoraha. Dhiganuhu wuxuu u qaybsan yahay afar qalcadood oo mid kastaa ku qotonto hirarka iyo is ged-geddiga qisadu hadba halkay marayso, taasiyoo akhristaha u sahlaysa isku xidhka iyo mid kastaa macnaha ay xambaarsan tahay. Dhiganuhu wuxuu u qoran yahay qaabka ugu qurux badan uguna farshaxansan ee wax loo qoro, suugaan cuddoon ayaa ku xardhan iyo ereyo ka turjumaya xaqiiqada hadba halkay wax marayaan. Akhriste kastaa wuxuu ku raaxaysan doonaa qaab-qoraalka dhiganahan. Akhristuhu keliya qisada iyo biyo-dhaceeda uun ugama faa’iidaysan karo ee sidoo kale wuxuu uga faa’iidaysan kara qaab-qoraalka xardhan iyo sida dhigane soo jiidasho leh loo qoro. Yaan lagaaga sheekaynine adigu noqo ka sheekeeye kuna cibro qaata dadkana uga faa’iideeya.

Barashadii Madoowayd

1

Waa goor salaaddii Maqrib uun hadda laga soo baxay oo gabbalkii dumay. Waa cawaysin neecawda dhacaysaa ay ku fiican tahay laba abqaalay jacayl oo yagleelay reer inay ku laydhsadaan oo ku wada damaashaadaan laydha saxansaxada wadata iyo jawiga qurxoon ee dhulka, buuraha iyo cirka isku gedaaman si ay usoo xasuusiyaan abuurka kalgacaylka laabtooda jiifa iyo quruxda qoyska ay ku midoobeen. Waxaan ka soo baxay irridda dhexe ee gurigayga anigoo u socda inaan wakhti ku qaato dhisme ka kooban miis iyo afar kursi oo ku hareeraysan oo nooca lagu nasto ah oo ku yaalla dayrka aqalka aan ku noolahay. Waxa aan salka la helay mid ka mid ah kuraastii waa kursi si qaab leh la isu dul saaray, dushana waxaa ka marsan rinji midabkiisu caddaan yahay. Marka aan halkan naftayda saacaddo kooban kula qaato waxay iiga duwan tahay dhammaan saacaddaha kale ee aan cid kale la qaato, marka laga reebo wiilkayga curad ee Cabdiraxmaan oo aan aad u jecelahay ina ilowsiiya dhibaatooyinka ku xeeran wakhtiga aan ku suganahay.

Guriga cid aan Cabdiraxmaan yare ahayni iguma weheliso hadda, isaguna soo-jeed badan oo maanta ah ka dib wuu yara seexday. Dabadeed waxaan door biday inaan wakhti siiyo amaanadda (nafta) igu jirta si aan isu xisaabiyo ama nafta ugu sasabo waxyaabo hore oo tegay si culayska aan dareemayaa iiga kala yaraado. Goortii aan fadhiistay kursigii waxaan lugtayda midig dul saaray tayda bidix. Ka dib waxa aan si aan gabbasho lahayn u daawaday quruxda xiddigaha midiba meel ku libidhsan tahay ee aan weli si toos ah cirka isugu shareerin iyo dayaxa shan iyo tobnaadka ah ee ku dhow inuu dhulka sidii dharaar ay tahay u iftiimiyo, daawashada quruxda cirkan uu Alle SWT taagay ayaan in muddo ah ku maqnaa.

Waxa ay ilbidhiqsiyo gudahood maskaxdaydu soo celisay xusuuso hore oo qurux badan iyo waayahii anan mahadin ee ka danbeeyey. Waa gu’yaal qiimo badnaa oo ku siman xilligii inannimadayda iyo damacaygii burburay ee caawa halkan i fadhiisiyey. Waxaa sida dhibicda roobka isaga soo daba dhacaayey xusuusaha ma-guuraanka ah ee ku duugan laabtayda kuna qoran farta waaweyn iyo khadeeyaha aanay sinaba suurtogalka u ahayn inuu masaxmo Alle amarkii mooyee. Waa xasuuso kal hore iyo bilawga amintaan garaadsadey illa caawa oo aan halkan fadhiyo, ee aynu ka war doonno oo ogaanno bal mawjaddaha aan xuduudka lahayn ee isku kay dhex hirdamaaya iyo halka ay ka bilaabmaan.

Waxa aan madaxa la kacay oo aan garaadsaday anigoo la nool qoys ka kooban Hooyo, Aabbo iyo walaalo dhammaantood wiilal ah oo laba ka mid ahi ay iga waaweynaayeen, halka labada kalena iga yaryar yahiin. Waxaan isku arkaayey inaan ahay dheemman yar oo ku dhex nool qasri ay cammiraan waalidkay iyo walaalahay oo i jeceli. Nolol baan ku soo koray la iga badiyey koolkoolin, ilaalin iyo inaan noqdo qof waxa ay doonayso lagu ixtiraamo oo loo qabto. Waxaa intaas garab socday in waalidkay xil weyn iska saaraayey toosinta dhaqankayga, ku barbaarinta edaabta saxda ah ee Alle SWT iyaga faray iyo dhaqanka Soomaalinnimo ee quruxda badan ee jidaynaaya dhawrsoonaanta hablaha. Waxa qoyska Alle iga beeray ka unkay oo laga dhisay magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamuuriyadda Soomaaliland, waa isla halka aan ku dhashay aniga iyo afartayda walaal ee hadda jiraa. Hargeysi waa magaalo si aad ah maalinba ta ka dambaysa uu koboc ka muuqdo oo dadku u bislaadeen in ay rogaan shaagga horumarka.

Waxay noloshu ku socoto qadar Eebbe oo aanu ku noolaanno nolol qurxoon waxa isa soo taraysey da’ayda. Markii aan jiray lix sanno ayaa waxaa lay geeyay malcaamad Quraan, taas oo ahayd bar bilowgii waxbarashadayda. Halkan marka ay maraysay waxaa Alle SWT Hooyo iyo Aabbo ku arsaaqey ilmo kale oo lix nagu noqday. Dabadeed waxa aan is waydiinaayey “Tolow ma adiga ayaa lagu labayn doonaa mise inamadiina ayaa shan noqon doona?” Waxaan wakhtigaas aad u xiiseynaayey inaan helo wehel xagga inannimo ah oo i labaysa. Nasiib-wanaag sidii ayey u dhacday oo waxaa dhalatey Magool-yar.

Laydhan qabow ee dhacaysaa waxay si ballaadhan ii xasuusinaysaa waayahii carruurnimo ee aan soo maray oo aad u qurux badnaa, Tusaale ahaan Hooyo waxaan aad uga baryi jiray in ay Magool-yar ii dhiibto oo aan qaado, ka dib waxay igu sasabi jirtay “Hooyo Magool waa wax yar oo way inaga jabaysaaye marka ay inoo yara weynaato ayaad hayn doontaa”. Hadda Ayaan hadalladaas hooyo si fiican u garanayaa, waayo wiilkayga yar ee Cabdiraxmaan uma aammino gacan aan tayda ahayn waana dareen hooyonimo oo qurxoon.

Waxaan ku dhex jiro noloshaas jacaylku hadheeyey oo aan ku soo barbaarr dhabta waalid i jecel, caawa waxaan isku qancinayaa in anney waxaas oo dhami jirin oo aan ku noolahay gurigan afarta gidaar ah ee isoo eegaaya, ee dusha qasriga uga eeg laakiin hoostiisa anan ku helin farxaddii ay noloshaydu u baahnayd. Hirarka iska soo daba dhacaaya aynu ku noqonno.
Muddadii aan dhiganaayey malcaamadda Quraanka markii laga joogey sannad iyo badh, ee aan dhigtay lix iyo toban jis oo Quraan ah, aniga oo suuratul Kahf badhtamaha kaga jirey da’dayduna aad ayay u yarayd xilliga aan Quraanka baaxaddaas leeg dhigtay, ayaa ay dabadeed waalidkaygu markaas Ii diyaariyeen sidii ay dugsi ii soo qori lahaayeen. Maalmo yar ka dib aabbo waxa uu i geeyey mid ka mid ah dugsiyada ku baxa luuqadda Carabida oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Aabbo maalintaas waxa uu barahii i qoraayey dugsiga u sheegay sida aan Quraanka u xafidsanahay iyo halka aan maraayo. Intaas ka dib waxa uu barahii aabbo ku amaanney sida wanaagsan ee uu iigu tarbiyadeeyay diinta Islaamka iyo dhigashad Quraanka. Ka dib waxa uu aabbo u sheegay inuu iga qaadi doonno imtixaan oo uu i geyn doonno fasalka aan la qabsan karo. Waxaan maalintaas galey imtixaan yar oo iska fududdaa oo uu qaarkood afka iga weydiiyey. Kuwo kalena qalin iyo warqad inta uu ii dhiibay ayaa uu ii yeedhiyey waxoogaa higgaad ah oo uu barahaygii Quraanku ii dhigey. Natiijadaydii ka soo baxday waxay noqotay in fasalka labaad la i geeyo sidaasna dugsigii la igu qoro. Waxaa la yidhaahdaa carruurnimada waxba laguma illaabee maalintii iigu horreysay dugsiga iyo fasalkaygan cusub, illaa caawa oo aan ubad haysto ayaan si fiican u xasuustaa jawiga maalintaas iyo waxyaabahii ku gedaannaa.

Waxaan dhex fadhiyaa fasal anan qofna ka garanaynnin. Labadayda walaal ee iga waaweyn ayaa dugsiga dhigta waa se fasalka afraad oo iima dhawa. Dhan waan ku faraxsanaa waxbarashadayda cusub dhanka kale deegaanka aanan cidna ka garanayn ayaa i saameeyey dabadeed waxaa qasab igu noqotay inaan ardayda dhex galo oo aan is baranno. Maalintaas wixii ka danbeeyey waxaan noqday ardayad ka adag duruusta loo soo dhigo. Sidaasi si la mid ahna qaadata amarrada igaga imanaayey barayaasha wax ii dhigaayey ee aan ardayadda u ahaa.

Waxaan sidii ku dhammeeyey dugsiga hoose/dhexe oo aan muddo toddoba sanno ah dhiganaayey aniga oo ka mid ahaa ardayda ay sida gaarka ah barayaashu ugu kalsoonaayeen inay dugsiga sumcad u soo jiidi doonaan. Da’daydu 16 sanno ayey dhammayd markaan dugsiga hoose/dhexe kaga gudbay kaalinta labaad dhammaan dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ku baxa luuqadda Carabida oo ay haayado maamuli jireen wakhtigaas illaa haddana ay maamulaan. Waxaan sii watay waxbarashadayda oo waxaan galey dugsigii sare oo isna ahaa dugsi gaar loo leeyahay.

Marxaladda dhallinyarnimada yaan galey oo waxaan noqday gashaanti meel fog laga soo arko oo dhawrsan isla markaana sidata xijaabkii Alle SWT ku waajibiyey. Kollay waa tarbiyad iyo dhaqan wanaag lagu yaqaanno inan muslimad ah oo dhowrsanaantu u tahay sharaf iyo iney kaga badbaaddo waxyaabo badan oo ay kow ka tahay cadho Alle. Waana sababta aan uga baxsadey dhibaatooyin badan oo barbaarta soo food-saara marxaladda dhallinyarannimo.

Barxaddan aan fadhiyo waxa aad mooddaa inay iyadu igu tukhaantukhinayso mahadhooyinka aan la illaabi karin ee uurkayga jiifa. Tan iyo intii aan dabka ka baydhay illaa caawa oo aan halkan yuruuro oo aad mooddo inay badweyntii farxadda ahayd ee aan soo qaatay ay ku soo koobantay gurigan aan ku noolahay ee anan garanaynnin meel aan uga kaco. Waayo nafta ayaa i leh “Walbahaarka iyo degganaansho la’aantaadu yaaney cid kale saamaynnin. Adigu waayahaaga laabta ku hayso oo ha kugu koobnaato ilmada dhabannadaada qoysay”. Waxaan mararka qaar ku fekerayaa tolow yaa maalmaha qaar noloshaadii hore ah kuu soo celiya, si aad u faraxdid oo culkayska ku saarani kaaga kala yaraado. Laakiin waxaan ka dharagsanahay in iska daa maaline aanu xataa ilbidhiqsi ii soo noqonaynnin oo markaas ayaan ogaadaa inaan iska riyoonaayo. Dib aynu u jalleecno xusuusaha sida xawliga ah isaga soo daba dhacaaya.

Waxaan noqday qof Alle SWT hanuuniyey oo waalidna ku tabcay isla markaana uu iigu deeqi jiray wax kasta oo baahiyahayga aasaasiga ah ee nolosha aan looga maarmi karin. Xilligan waxaan dhexda kaga jiraa geeddiga waxbarasho eee dugsiga sare, hamigayga waxbarasho waxa uu ku aaddan yahay aqoonta daraasaadka Islaamiga ah oo ah barashada iyo ku-camal-falista mid ka mid ah nimcooyinka ugu waaweyn ee Alle inagu galladey isla markaana ah waxa keliya ee weligay iga dhex guuxaayey.

Marxaladdan xilliga dhallinyarada ila midka ahi ku jirto waxaa u cusub hasaawaha iyo inuu qof kastaa raadsado qof u qalmaaya oo uu nolosha la qaybsado. Laakiin aniga waxa aad mooddaa inaan gebi ahaanba ka duwanaa aragtida noocaas ah ee dhallinyaro badani naawilayso, isla jeerkaasna ay u haystaan inay tahay tallaabo hore loo qaado. Waxaa tan lagu garan karaa in amintaas da’yarta illa midka ahi siiba hablahu ay isugu faani jireen inta lab ah ee ay la haasaaween ama xidhiidho la lahayeen. Inamada dugsiga ila dhigan jiray qaarkood waxay isku dayi jireen inay ii soo dhawaadaan oo ila sameeyaan xidhiidh ku salaysan midka dhallintu wadaagto, se dheg uma dhigi jirin oo waxaan naftayda ku qanciyey in haddii Alle SWT ii qoray inaan noloshayda cid la wadaago inuu ii iman doono aniga oo aann gaaf wareegin. Haddii aanu iiba qorinna aan raalli ku noqon doono, waayo waxaa xaqiiq ah in aan waxba laga dheefin dibed-wareegga. Inantu haddii ay gashaantiyowdana waa looga fiican yahay in waddooyinka lagu arko oo lagu tilmaansado dhaqan xun. Tani waxay ahayd sumcad-wanaag iyo anshax la igu soo koriyey oo aan illaa hadda aan abaal ugu hayo waalidkey. Alla maxaan farxad badan la soo qaatay waalidkaygii iyo qoyskaygaan jeclaa ee uu guddoomiyihiisa iyo gadh-wadeenkiisaba uu ahaa aabbahay Alle dharaaro badan ha daayo oo ha u siyaadiyo caafimaadka, cududda iyo cimrigaba’e.

Dhaqannada suubbani guud ahaan waa caado lagu yaqaanno qoys si fiican u barbaariyey ubadkooda una dhabar adaygey turunturrooyinka kala duwan ee noloshu soo bandhigto, iyaga oo mar kasta door bidaayey in ay bulshada u noqdaan kuwo lagu daydo oo lagu majeerto sida kala dambaynta leh ee ay u maareeyaan nolosha qoysnimo ee hor taalla.

Waa Alle mahaddii, hadda waxaa la joogaa gebogabadii dhammaystirka geeddigii waxbarasho ee soo taxnaa muddada saddexda gu’ ah ee aan dhiganaayey dugsiga sare, waxaana la gaadhey goortii loo fadhiisan lahaa Imtixanaadka shaahdiga ah ee lagaga gudbaayo dugsiga sare loona xamaan-guranaayo heerka koowaad ee waxbarasha Jaamacadded. Waxa aan muddo kooban gudahii soo dhammaystay dhammaan wixii oggolaanshiyo looga baahnaa inaan galo Imtixaankaas ee igaga xidhnaa dugsiga. Waxaa si habsami leh iigu dhammaadey Imtixaankii anigoo maalin kasta aan ka soo bixi jiray aniga oo aad u faraxsan Eebbe amarkii. Muddo ka dib waxaan diyaar u ahaa gelitaanka Jaamacadda, kaas oo sida dharaarta iigu caddaa waxaan rabo inaan barto oo ah diyaarinta kuuliyadda Daraasaadka Islaamiga ah. Laakiin hadafkaygaas guud mid kale ayaa ii raacey hadda oo ah inaan caafimaadkana qayb ka barto si aan xirfad maaddi ahna u yeesho.

Caawa oo aan halkan ka fadhiyo dhammaan cilmigii aan soo bartey ayaa waxay xasuustaydu si fiican u soo celinaysaa labadaas hadaf ee xilligaas maskaxdayda ku wada jirey. In kasta oo aan mar kasta lahaa hadaf guud haddana waa kan oo damac kale ayaa i galey. Dabadeed waxa aan is-tusay inaan labada Jaamacaddood halmar wada galo oo labada daraasadoodba dhigto, haddii wedku i daayo. Fekerkaas iga dhex guuxaayey waxa aan go’aan ku gaadhey inaan aabbo kala tashado oo aan talo meelmar ah ka dhegaysto, waanan u bandhigay. Waxaana aniga iyo aabbo na dhex martay sheekadan;

Aniga. “Aabbo waad ogtahay oo waxaan sugayaa waa yeedhinta Imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiga sare. Waxa aan diyaar u ahay inaan galo Jaamacad oo aann diyaariyo barashada daraasaadka Islaamiga ah. Kaasi waa hadafkayga guud iyo waxaan weligayba ku hammiyi jiray inaan fuliyana diyaar baan u ahay intaa aan noolahay. Laakiin Aabbo waxaa ii dhinac socda damac kale oo waxbarasho oo aan isna jecelahay ka-midhodhalintiisa, waana barashada caafimaadka gaar ahaan noqoshada kalkaaliso caafimaad oo adeegta ummaddeeda mustaqbalka haddii Alle idmo. Aabbo waxaan rabaa taladaada iyo go’aannadaadii aan weligayba ku liibaani jiray inaad tanna ka amar-bixiso oo aad i tusto waxay kuula muuqato”.

Aabbo. “Aabbo Mullaaxooy waxaan kaa dhex arkaa yididdiilo iyo rejo nololeed oo qurux badan. Waxa aan Alle SWTmar kasta uga mahad-celiyaa inuu ikaa siiyey adiga oo iiga kaa dhigay gashaanti aan markasta hab-fikirkeeda ku farxo. Aaabbo ma waxa aad doonaysaa inaad labada Jaamacaddood mar wada bilowdo markaa?”

Aniga. “Haa Aabbo haddii ay agtaada suurtogal ka tahay”.

Aabbo. “Haye Aabbo waan kugu raacsanahay waxii kharash ah ee ku baxaayana aniga ayaa dusha u ridanaaya. Laakiin dedaal dheeri ah ayaa lagaa rabaa, waayo Jaamacaddu way hawl badan tahay adiguna laba ayaad rabtaa inaad hal mar wada bilowdo”.

Aabbo waa waxaan uga bartay in aanu weligii i niyad-jebin oo uu ii aqbalo waxii wanaag ah ee aan jecelahay. Hadalladiisuna dhiirri-gelin bay ii yahiin iyo inaan u shidaal qaato sidii aan marar badan rog-rogi lahaa shaagga horumarka. Aad ayaan soo dhaeayntiisa ugu diirsadey habeenkaas.

Aniga. “Aabbo yeelitaankaagu waxa uu ii dhisayaa riyooyinka iyo rejooyinka aan leeyahay. Waxa aan kuu ballan qadayaa in anan weligay wax ku niyad-jebiya samayn doonin, tallaabo anan kaa talo gelinna ku dhaqaaqi doonin intaan noolahay. Mahadsanid Aabbo”.

Waxa keliya ee aan dhawraayey waxa uu ahaa yeedhinta imtixaankii dugsiga sare. Waxay ahayd maalin Jimce ah xilligaan helay farriin sheegaysey in aroorta oo ay Sabti tahay lagu dhawaaqi doono Imtixaankii aan sugaayey. Waa la gaadhey aroornimadii waxaanan u baqooley dhankii dugsigu iga xigey. Waxoogaa yar ka dib waan gaadhey goobtii dugsigu ku yaalley waxaana laygu wargeliyey in la soo wado oo uu jidka ku soo jiro. Waxa aan iska fadhiistay mid ka mid ah kaabadihii dugsiga si aan ugu sugo. Inyar ka dib waxaa kadinka dugsiga ka soo galey gaadhi sida Imtixaankii aanu sugeynnay aniga iyo boqollaal arday oo kale. May ahayn wax la qiyaasi karro shucuurta ka muuqatey wejiyadooda taas oo Arday kastaaba ku rejo weynaa inuu derejo sare kaga gudbo Imtixaankaas, dhammaantood waxay ku uruureen goobtii uu taagnaa gaadhigii.

Markaan sidaas uga soo dhaqaaqey halkaan taagnaa waxaan maqley magacayga oo saddexan oo lagaga dhawaqaayo mikirifoon cod dheer oo gaadhiga guudkiisa saarnaa kaas oo sheegaaya inaan ka mid noqdey ardayda ku guuleysatey tobanka kaalmood ee u sarreeya waddanka oo dhan, farxad ayaan maalintaas kala qaboobay oo waxaan ka dhaqaaqi kari waayey goobtii aan taagnaa een natiijadayda la iigu sheegay waana mid aan filaayey inaan ku gudbi doono derejo muuqata.

Hambalyeyn badan ka dib waxaa maamulkii dugsigaygu igu wargeliyeen inaan helay deeq waxbarasho oo waddanka gudahiisa ah isla markaana aan geli doono Jaamacadda aan doonaayo iyo kuuliyadda aan jecelahayba si aan u sii wato waxbarashada. Tani waxay ii sii kordhisay farxadda ah inaan aabbo ka dul qaaddo qarashka mid ka mid ah labadii Jaamacaddood ta kalena uu isagu bixiyo. Sidaas ayey wax kastaaba iigu dhammaadeen tii bilaashka laygu xareeyeyna aan uga dhigtay Kuuliyadda daraasaadka Islaamiga ah oo aan muddo Afar sanno ah aan dhiganaayey.

Xusuusahaasi dhammaantood waxay ku salaysnaayeen maalmo ay nolosha ka buuxeen farxad iyo raynrayn saa’id ahi, oo ah maalmahii aan dhex mushaaxaayey carruurnimadii iyo marxaladda aan xilligaas afka la galey ee dhallinyarannimo. Waxaa maanka caawa ku soo noqnoqanaaya in haddii ay suurtogal tahay maalmahaas ku noqoshadoodu aan degdeg ugu laaban lahaa si aan waxoogaa iskaga soo maydho urugada daashatay garaadkaygii iyo jidhkaygii curdinka ah ee inannimo. Mararka qaar waxaan hiifaa dhex joogga gurigan dusha ka qurxoon ee aanay hoostiisa waxba aniga ii oollin. Haddana waxaan naftayda taabsiiyaa xaqiiqada ah inuu i hurran yahay noloshayda intii Alle iigu talo galey inaan ku dhex qaato khasabna ay tahay inaan la qabsado nolosha tani aanan raallida ka ahayn. Waxaaban ka baqayaa in Cabdiraxmaan-Yare soo tooso inaga oo wali dhex mushaxaaynna maalmahan isoo maray ee aan u milicsanaayey sidii oo ay ii soo noqonayaan. Laakiin tolow maxaa halkan ka danbeeya? Adigu se akhriste ma is weydiinaysaa waxa holaca ka dhex shiday qalbigan kuu warramaaya ee dhex jibaaxey mahadhooyin qalbigayga ku duugan oo sida dharaarta uga dhex muuqda? “Haa” dheh. Ina keen haddaba aad wax ogaatide.

Qoomamadii Nolosha

2

Jaamacaddii ayaan isa soo qoray, wax kasta oo la iiga baahnaana waa aan dhammeeyey. Midda aan daraasaadka Islaamiga ah aan ka dhiganayey waxay ahayd dawli, halka ta kalena ay ahayd mid gaar loo leeyahay. Dhigashada laba Jaamacaddood oo mar keli ah la wadda bilaabayaana ma hawl yara oo waxay u baahan yahiin dedaal dheeri ah oo aan kala go’ lahayn. Waana waxa keliya een niyadda ku hayey wakhtigaas. Dhanka kale waxaan ahaa gashaanti rag badani la dhasheen oo saacaddaha ay guriga joogto aanay hawli ku yareyn oo waxaan gudan jirey dhammaan waajibaadka i saaran ee inannimo. In kasta oo ay hooyo iyo Magool yar oo Iyana hadda ah fasalka lixaad ahi ay markasta ii sheegi jireen inaan iska nasto intaan guriga joogo, si aanu culays faro badani ii korin. Laakiin iima dhadhami jirin hadalkaasi ee masuuliyad ayaan isa saari jiray oo waan qaban jirey intii awooddayda ah.

Waan wadaa labadii Jaamacadood laakiin dhinac ayeynu u janjeedhsan doonnaa inta aynu sheekadan ku guda jirno, waayo waa halkii noloshayda saamaynta ugu badani igaga timid. Waa dhinaca Jaamacadda aan ka dhigto daraasaadka Islaamiga ah. La soco weli inay laydhii qaboobayd ee aan u bogey caawa iguna dhalisay inaan soo dhiraandhirriyo xusuusahaygu ay dhabannadayda ugu dhacayso sidii oo ay i farayso inaan ka warramo oo aan hore ugu sii socdo gunta laabtayda ay waayaha badani jiifaan. Taas oo ay sabab u tahay laab-kac hor-leh marka la barbardhigo xaaladda aan hadda ku suganahay, waxaa khasab ah inaan qalinka iyo warqadda weli isla daba taagnaado oo aanan marnaba kala qaadin si ay u daabacaan xusuusaha aan soohdinta lahayn ee xilligan iska soo daba dhacaaya.

Fasalka aan Jaamacadda ka mid noqday ee Kuuliyadda daraasaadka Islaamiga ah waxaa ku midoobey arday lab iyo dheddigba leh oo aan u arkaayey iney noqon doonaan kuwa aanu geeddiga waxbarasho ee ku siman afarta sanno aanu isku sii fasal ahaan doonno, haddii geeridu na dayso oo duruufaha noloshuna noo saamaxaan inaanu sii wadda joogno. Waxyaabaha ayaantaas igu cusbaa waxaa ka mid ahaa inaan markii iigu horreysey fasal-wadaag noqonno inamo marka laga reebo xilligii aan malcaamad Quraanka dhigan jirey oo sannadahii u horreeyey fasalkayagu isku -jir ahaa. Intii dugsiga hoose/dhexe kala gelin ayaanu dhigan jirnay xilligii dugsiga sarena isku gelin ayaanu ahayn, laakiin waanu kala fasallo duwanayn.

Xaalad kasta oo uu qofku galo qabatin ayuu ku sameeyaa, sidaa awgeed waxaa ii eekayd inaan barto ardaydan igu wadda cusub ee aanu fasal-wadaagta noqonney. Dhammaantoodna waxaanu isku barrannay weji-furnaan iyo walaalnimo dhexdayada taallay illaa maalintii aanu Jaamacadda ka baxnay oo hadda laga joogo sannad iyo badh. Sidaas ayaanu ku dhammayney sannadka qaybtiisii hore (semester one), waxaa la galey tijaabooyinkii lagu soo xidhaayey qaybtaas hore si qaybta sannadka ka hadhey u bilaabanto. Dhinaca kale (Jaamacadda kale) waxaan gelaayey tijaabo kaas la mid ah tanni waxay ii ahayd fursad aan ku ogaan karo inaan isku sii wadi karro labada Jaamacaddood iyo in kale. Nasiib-wanaag waxaan keenay dhibco aan filanaayey labada dhinacba, taas oo ii noqotay yididdiilo aan ku sii wadi karro himilooyinka aan lahaa wakhtigaas.

Waa la soo noqday si loo furo sannadka inta hadhay (semester two) dabadeed markii toddobaadkii labaad la joogo ayaa waxaa fasalkayga ku soo biiray arday cusub. Waa Mooge oo waxa uu ka soo wareegay mid ka mid ah Jaamacaddaha gaarka loo leeyahay. Inkasta oo anan hadda garan karin sababta uu u soo wareegay xilligaas haddana waxa uu noqdey arday firfircoon oo markiiba fasalkii ka dhex muuqday. Waa shakhsi aad mooddo in anney jirinba cid ay isdiidaan dabeecadda uu leeyahay dartii, taas waxaa muujinaysa in markiiba uu si furfuran u dhex galey innamadii kale ee fasalka nala dhiganaayey iyaga oo ay dhammaantood ka wada mahad sheeganaayey dhaqan-wanaaggii uu la yimid fasalka. Intaas waxaa dheeraa in barayaashayadu aad u jeclaayeen oo waxa ay markasta caddeyn jireen inuu ardayda u yahay hage iyo tilmaame wanaagsan oo ku boorinaaya dhinaca wanaagga iyo khayrku ka xigaan. Intaas waxaa ka darnaa in hablaha fasalka aanu wadda dhiganaynnay indhahooda laga akhrisan karaayey damaca Mooge kaga jira. Waayo maba ahayn shakhsi la nici karo ee waxa uu ahaa qof Alle SWT siiyey hibooyin kala duwan oo uu bini’aadanka qalbiyadooda ku hanan karro.

Bal aan dib isugu soo noqdo anigu, Mooge waxa aan u arkaayey walaal cusub oo fasalka ku soo biiray waxa uuna iila mid ahaa ardaydii horr fasalka usii dhigan jirtey marka laga reebo firfircooni badan oo uu kaga suntanaa iyaga. Muddo markaanu isku fasal ahayn ayaa Mooge waxaa galey damac, Soomaaliduna waa tii hore u odhan jirtey “Ragga damac iyo dacar midina kama dhammaadaane” waxaa qalbigiisa si weyn u degtay inan ka mid ah hablaha fasalka ay wada dhigtaan, qofkaasina cid kala may ahayn ee waa aniga, kuma se baraarugsanayn jamashadiisa.

Weli qof lama samaynnin xidhiidh joogto ah, damac igama gelin cid, imana haleelin dareen Jacayl la yidhaahdo oo aan qof u qaadaa laakiin tolow suurtogal ma tahay inuu Mooge yahay qofka aan caawa sida aadka ah uga fekeraayo ee noloshayda oo dhan saamaynta ku yeeshay?
Anigu waxba kama ogayn oo warba kamaan qabin waxa uu Mooge qalbigiisa ku hayo ee ka dhex guuxaayey laakiin bal aan soo minguuriyo sida uu dareenkaasi ku dhashey iyo isaga oo ku qorey mid ka mid ah buuggaagtiisa xusuus-qorka oo aan mar danbe akhriyey waxaana ku qornaa sida tan.

“Waxaan dhawaan ku soo biirey fasal ay ardayda dhigataa yihiin kuwo wanaagsan oo aan midna aanu ka kale ka dhicin. Waxaa se aniga markii u horreysey qalbigayga si rasmi ah u xaddey Mullaaxo oonu fasal wadaag nahay. Ma garan karo oo malahaygu ma tibaaxi krro saacaddahii iigu horreeyay een iyada caashaqo, waxa keliya een ogahay ayaa ah inay tahay qof sida boqoraddaha qasrigeedu yahay qalbigayga oo waxaan jeclaysanaaya aragtideeda iyo la hadalkeedaba. In kasta oo aanan helin wakhti aan hadalkeeda si fiican u dhuuxo waayo Mullaaxo ma ahayn qof gebi ahaanba kor u eegta ragga xishoodka ka batey dartii. Waana sababta u weyn ee ay naftayda u qancisey, marka laga yimaaddo quruxda Raxmaanku qayb waafi ah ka siiyey”.

Intaasi waxay ahayd bilowga boggaga hoere ee buuggiisa xasuus-qorka oo aan inyar idiinka qadhiidhay, bal aynu ku noqonno badweynta xusuusaha ah ee aynu dhex dabbaalanaynnay.

Mooge sidaas uu kor ku xusay waxa uu la’aa fursad uu igula hadlo xitaa in yarna, sababtana isaga ayaa raaciyey. Waxaanu ku sii siqaynnay dhammaadka sannadkii koowaad ee Jaamacadda oo waxaanu diyaar u ahayn gelitaanka Imtixaanka sannadka labaad loogu gudbaayo. Waxay ahayd maalin Axad ah waxaa maantaas xilli hore i keenay Jaamacadda Aabbo oo isoo qaaday intii aanu salaadda Casar tukan. Aabbo casarka suuqa ayuu ku tukan jirey si marka uu sidaas uga baxaba uu shaqada u galo. Maanta qofkii u horreeyey ee fasalka soo xaadiraa aniga ayuu noqday, waxaan markiiba u dhaqaaqay meel lagu tukado oo u gaar ahayd hablaha. Salaaddii casarna halkaas ayaan ku tukadey waxyar ka dib waxaan usoo jihaystey halkii fasalkaygu iga xigay si aan u diyaarsado kursigii iyo miiskii aan maalintaas ku qaadan lahaa duruusta. Soo galey fasalkii, aniga oo masaxanaaya kursigii si aanu ugu wasakhoobin xijaab madow oo aan xidhnaa maalintaas ayaan mar qudha si kedis ah u maqley cod leh “Salaamu calaykum walaal Mullaaxo”.

Waa aann sii jeeday oo ma aan arki karayn qofka magacayga iyo salaanta isagu kay ladhay. Si aan u arko uguna jawaabo qofkan i salaamayey ayaan dib usoo jalleecay mise waa Mooge, markaan arkey ayaa markiiba damiirkaygu i farray inaan qaado bariidada. Dabadeed waxaan u holladey inaan celiyo salaantii.

“Calaykuma salaam walaal Mooge”. Intaas se kuma deynnin hadalkiiye wuu soo rogaal celiyey, “Walaal sideed tahayna?”

“Waan fiican nahay, ee adigu ma roon tahayna?”

“Haa waan wanaagsan nahay Alxamdulillah. Maanta waad soo dheeraysey Mullaaxooy”.

“Haa walaal oo Aabbo ayaa isoo qaaday maanta. Sidaas ayaan xilli hore u imid fasalka.”

Halkaas markuu hadal maraayey ayaa waxaa fasalka soo gashey ardayad kale oonu isku fasal ahayn hadal intaas dhaafsiisanna ma aannu Is weydaarsan. Tartiib tartiib ayey ardaydu u imaneysey fasalka ilaa xiisaddii aanu maalintaas lahayn oo Naxwe ahayd uu barahii dhigi lahaa yimid. Fasalku dharaartaas waxa uu u socday si habsami leh, anigana waxaaba iga dhex guuxaayey sida aanu maanta hadal kooban isu weydaarsannay Mooge oo ah ardayga fasalka loogu qaddarinta iyo ixtiraamka badan yahay. Gebogebo goortii uu ku dhawaa fasalku ayaa waxaa irrida soo istaagay mid ka mid ah shaqaalahii fadhiyey xafiiska kuuliyaddayada, dabadeed waxa uu barahayagii ka dalbadey inuu siiyo wakhti laba daqiiqaddood ah si uu noogu sheego macluumaad uu noo sidey wuxuuna yidhi, “Sidaad la wada socotaan waxaa foodda inagu soo haya Imtixaankii aad sannadka koowaad ku soo xidhi lahaydeen ee waxaa laydinka rabaa inuu qof kastaaba warqaddaas (waa mid uu gacantiisa midig ku laalaadinaayey) ku qoro magaciisa oo afaran iyo tirsiga (Number) telefoonkiisa gacanta”. Dabadeed waxa uu u dhiibey hablaha xagga hore fadhiyey oo aan ka mid ahaa waxa uuuna na faray in marka dhammaan hablahu isku qoraan ay inamadana u gudbiyaan.

Wuu iska baxay inankii noo sheegay macluumaadkaas isaga oo barahayagii uga mahadcelinaaya inuu wakhti siiyey. Wakhti yar ka dib waxaa dhammaadey saacaddahii loogu talo galey in fasalka la joogo waraaqdiina waa laysku wada qorey oo waxaa qaadey horjoogahii fasalka oo xafiiska geeyay. Maalintani waxay Mooge siisey laba fursaddood oo qaali ah, anigu se anan marnaba ka war qabin. Fursaddahaas inaynu ogaanno sow muhiim ma aha? Haa weeye aniga jawaabtaydu. Waayo waxaan dhex dabbaalanayaa badweyn xusuuso ah oo kolba mawjad tii hore ka duwani dhinac iga soo dhirbaaxayso iyada oo ta kale ii gudbinaysa. Aynu dib u milicsanno maalintan bal waxa uu Mooge ka qorey ee aan aniguna ka xasuusto akhrintooda.
“Maanta waxay ahayd maalin iiga duwan maalmahii hore ee aan fasalkayga Jaamacadda joogay. Waxaa nasiibku isu kay raaciyey laba fursaddood oo aanan filanaynnin. Waa ta koowaadde Mullaaxo ayaanu manta waxoogaa tiraab ah wadaagney, ma uu badnayn. Laakiin intaasiba hore ugama heli jirin haddii anney ardayadii aanu isku fasalka ahayn soo gasheenna wax badan waanu si weydaarsan lahayn. Waan se gaabsadey markaan arkey in nala saddexeeyey. Waxa kale oo aan manta hadalkeeda ka dhadhansadey in marka la eegaayo dabaqaddaha nolosha bulsho meel ku wada nool ay iga dabaqad sarrayso waayo waxay ii sheegtay in Aabbaheed soo qaaddey oo keenay Jaamacadda. Halka aniguna aan lug ku immaado oo aanay duruuftu ii saamixin inaan helo lacag aan baska ku raaco. Laakiin tnni maaha wax i dhibaysa oo Alle SWT ayaa bixiya maalka ee dariiqa keliya ee ii furani waa inaan dedaalo oo dhidido si aan u helo waxaan jecelahay.

Waa ta labaade waxay ahayd inaan helay tirsiga telefoonkeeda gacanta oo in badan ku fikiri jirey si aan u helo. Waxaan maanta si fudud uga helay warqad dhex wareegaysay fasalka oo arday kastaaba ku qoraayey macluumad ay u baahnayd Kulliyaddu. Waxay se dhibta ugu weyniba ka joogtaa sidaan ula hadli lahaa! Waxa kale oo aan soo celcelinayaa su’aalo ay ka mid yihiin tolow ma iyadaa tirsigan iska leh? Halkee ayaan uga bilaabaa hadalka? Tolow marka hore qof kale ma iskaga dhigaa? Boqollaal su’aalood baa isku kay dhex haysta mid keliyana anan si sax ah uga warcelin karin.

Waxaan dhex muquurtey badweyn anan garanayn meel ay igu waddo oo uu sabab u yahay dareenka aan Mullaaxo u qaadey. Waxa aan odhan karaa “Waan jecelahay” waxaa se aan la yaabbanahay iney is yeeshaan markii iigu horreysey ee aann wax jeclaado iyo sida aan la iigu ogayn. Waxaan se markasta Alle SWT weydiisanayaa inuu i waafajiyo sidii khayrku ku jiro oo uu ii rumeeyo riyooyinka aan leeyahay. Waa inaan la hadlaa Mullaaxo aniga oo aan markaaba u bandhigaynnin damaca igu keliyeystey ee waa inaan marka hore si walaaltinimo leh ula xidhiidhaa”. Waa qayb ka mid ah xasuusaha uu reebay oo maskaxdaydu soo minguurisey intaan sida fiican u xasuusnaa”.

Mooge intuu sidan ula daalaadhacaayey dareenkan daashadey aniguna waxaan ahaa warmoog aan kaba war haynnin xaaladdiisa iyo waxa ku qarsoon kashiisa. Waayo muhiim iima ay ahayn xilligaas oo waxaaan u arkaayey walaal uu na kulmiyey fasalkani. Waxay ahayd goor salaaddii Cishaa’i markaas uun laga soo baxey oo aan aniguna waxyar joogay guriga, waxaa yeedhay telefoonkaygii oo dul saarnaa sariirtayda dusheeda. Xilligaas uu dhacaayey waxaan joogay daaradda guriga oo waxaan u socday inaan aabbo cashada u diyaariyo ka dib waxaan dib ugu soo noqdey telefoonkaygii dhacaayey waanan qabtey, aniga oo aan garanayn qofka isoo garaacayey. Waxaan rejaynaayey in laygaga horreeyo hadalka laakiin may dhicin oo markii Layla hadli waayey ayaan anigu sameeyey tiraab ahayd “Hello, wa ayo qofka isoo garaacey?”. Waxaa igu soo baxey cod aan igu cusbayn laakiin aan la yaabey sida uu ii soo wacey, waayo ma filaneyn. Dabcan qofkan illa hadlayaa waa Mooge. Aamusnaantiisaas horena waxay caddeynaysaa inuu tijabinaayey inaan aniga ahay qofka uu soo garaacey iyo in kale. Markii aan waydiiyey cidda uu yahay ayaad moodaysey sida qof soo baraarugey oo kale waxaanu ku bilaabey hadalkiisii, “Salaamu calaykum.”

“Calaykuma salaam.”

“Mullaaxo miyaa?”

“Haa, ee waa kuma?”

“Walaal waa Mooge.”

“Mooga aa? Mooge kuma?” Markii aan su’aashan waydiinaayey waan garanaayey inuu yahay wiilkii aanu isku fasalka ahayn ee haddana mooyi waxa ay iga ahayd!

Mooge: “Waa wiilkii aad isku fasalka ahaydeen walaal.”

“Haa, haddaan ku gartey walaal.”

“Mullaaxo sideed tahayna?”

“Waan fiican nahay Alxamdulillah walaal, ee sow adiguna ma wanaagsanid?”

“Walaal waa nimco adduun’e, waxaan reaynayaa in xaafaddana lagu nabad qabo. Malaa maad filaneynnin inaan ku soo garaaco ama waxaad is weydiinaysaa sida aan telefoonkaaga ku helay”.

“Haa kolley oo meeshaba maan soo dhigan Mooge ayaa kula soo hadli.”

“Waan dareensanahay inaad la yaabban tahay, telefoonkaagana waxaan ka qortey warqaddii habeen hore ardaydu isku qoreysay. Markaa waxaan is idhi walaashaa Mullaaxo la xidhiidh oo caawa la hadal”.

“Mahadsanid Mooge, dhibna ma laha inaad halkaas ka heshay telefoonkayga”.

“Mullaaxooy ma igu caawin kartaa buuggaagii Naxwaha ahaa ee daabacnaa haddaad iibsatey si aan hal habeen usoo haysto?”

“Haa, aroortaan kuu keeni haddii Alle idmo.”

“Haye walaal mahadsanid, habeen wanaagsan”.

Intaas ayaannu habeenkaas is weydaarsanney laakiin walaalnimada uu habeenkaas ku afgobaadsanaayey haddii aan ogaan lahaa iney sabab u noqonayso farxad la’aanta aan caawa halkan gondaha is geliyey runtii ma aqbaleen mana soo dhaweeyeen habeenkaas iyo kuwii kale ee ka dambeeyeyba. Waxa aan se ku soo uruurinayaa iney ahayd qaddar iyo qoraal Rabbi oo qornaa. Mooge muddo ku dhow laba toddobaad ayuu ii jilaayey dareenkan walaalnimo anigana naftaydu aadka usoo dhaweysey. Intii aanu Imtixaanka ku jirney markasta waanu wadda hadli jirney waxa ugu badan ee aanu falanqayn jinayna waxuu ahaa inaanu wax iska weydiinno midka aanu beri geli doonno ama kii aanu maanta soo galney oonu iska warraysanno waxii nagu adkaadey.

Mararka qaar anigaa naftayda kaligey xisaabin jirey anigoo is waydiin jirey su’aalo dhawr ah oo ay ka mid yahiin, maxaad horta Mooge isu tihiin ee aad ula hadashaa? Maxay kaaga suurtoobeen wax aanad weligaa falin? Maxaad mararka qaar uguba xiisootaa hadalladiisa? Waa yaab! Waxaan se hadal ku soo uruurin jirey in aanu Mooge ahayn qof shar ii ah ee uu yahay kaliya walaalkay sababta aan sidan iskugu qancinayaana waxay ahayd in anan ogayn waxaa laabtiisa ka haraaciyaaya ee hurda. Mararka qaar waxaan isu arkaayey qof khaldan oo lumisey qiimaheedii haddana waa kan oo waxa dhinac socday dareen i odhanaayey “Wax dhib ah umaad gaysan naftaada waayo xidhiidhinta Mooge kuuma soo jiidayso waxaad ka qoomamayso. Xilligaas inaan sida danbe u fikiraa hadda khalad ayey iila muuqataa oo waxaan naftayda dhagaha kaga jarey canaan aan caawa waxba ii soo kordhinayn. Ma ku noqonnaa xasuusaheennii? Jawaabtaadu iney “Haa” tahay ayaan rejaynayaa.

Imtixaankii ayaa noo dhammaadey, halkaasna sannadkii koowaad ee Jaamacadda ayaa ku gabagaboobay dabadeed waxaanu galney fasax ku siman laba bilood. Fasaxaasi waxa uu ahaa kii ii horseeday nolosha xasuusaha ku dhisan ee aan caawa dhex mushaaxaayo. Waana kuwo aanan waxyeelladoodii illaa hadda ka bogsan oo booggahii ay ka tageen i damqanayaan inkastoon nafta ku dirqiyo in ay bogsato haddana weli igamey hadhin.

Fasaxaas aanu galney waxuu Mooge ku dhiirigaliyey inuu ii soo bandhigo waxa uu dareemaayo ee uu laabta ku qarinaayey muddo hadda se uu isku deyaayo inuu bannaanka soo dhigo. In kasta oo ay wakhti ku qaadatay hadadna waxaan odhan karnaa wax badan oo uu rejaynaayey wuu ku guulaystey. Bal aynu ku wada noqonno qoraalladii ku qornaa buuggiisa uu ku reebi jirey daqiiqad kasta waxa soo marra, maxuu qorey tolow?

“Waxaan wakhti ku lumiyey sidaan kuula soo hadli lahaa Mullaaxooy, hadda waa sidaanu laba kalmadoodna ha noqdaane hadal kuula wadaagi lahaa waanan ku guulaystey. Mar kale sidaan u heli lahaa telefoonkaaga isagana Ilaahay amarkii si fudud baan u hantiyey, haddana waxaa caqabad kale igu noqotay sidaan kuu soo garaaci lahaa anigoo ka fikiraaya halkaan hadalka ka bilaabi lahaa ama waxaan ku odhan lahaa intaas ka dib waxaan is biddey geesinimo oo waan kula soo Hadley aniga oo waddo ka dhiganaaya inaan si walaaltinimo leh kuu xidhiidhiyo laakiin intaas ujeeddadaydu way ka balaadhnayd oo kashayda dareen baa gubaayey aan kuu qabey. Si kasta oo ay ahaataba waad isoo dhawaysey, adiga oo aan ku mooddaayey inaad ogtahay sida qalbigaygu kuugu nugul yahay ee uu naxariis iyo kalgacayl kaaga dalbaayo. Dhibtase wakhtigan xaadirka ah I haysataa waxay tahay sidaan kuugu sheegi lahaa damacayga iyo Jacaylka aan kuu qabo ee gundhiggiisu yahay guri iyo mustaqbal aayo qurxoon leh oo lagu waddo farxo. Su’aalo ayaan nafta iskaga jaray qaarkood yahiin, tolow maxaad Mullaaxo kala kulmi doontaa haddaad u sheegto waxaad ka damacsan tahay? Oo miyey kugu gacan-saydhi doontaa oo halkaas waxaad ku waayi doontaa xidhiidhka walaalnimo ee idiin dhaxeeya hadda? Haddana waxaan nafta ku qanciyaa iney suurtogal tahay inaad igaba aqbasho iguna soo dhawayso weji furan oo kale adigoo miciin iiga noqonaaya dareenka karka wata ee aad mooddo inuu hoos u dhigey garaaca wadnahayga, sidoo kalena yareeyey ku-dhacii aan lahaa ee noloshayda ku waajihi jirey”. Waa qayb ka mid intii maskaxdaydu soo celisay ee sida quruxda badan uu ugu daabacay buuggiisii qabyo-qoraalka ahaa markii iigu danbaysey.

Xusuusahayga waxaa ku dhex jira habeen aan si fiican uwada garanaayo wixii dhacay oo dhan oo aann marnaba iga hallaabin ama igaga dhex qarsoomin habeennadii kale ee badnaa ee noloshayda soo maray ilaa caawa oo aan halkan joogo. Waxay ahayd habeen Isniini soo galeysay oo ay maanta Axad ahayd waxayna ahayd maalmahii u horreyey ee aanu fasaxa ka ahayn Jaamacadda. Waxaa sidii caadiga ahayd illa soo Hadley Mooge wanan qabtey telefoonkaygii, salaam diiran iyo is xaal ogaasho ka dib waxaanu mar qudha galney xaalad tii hore ka duwan oo anigu anan marnaba filanaynnin. Mooge waxa uu si badheedh ah u abbaarey qalbigayga iyo sidii uu ugu miyir doorin lahaa naftayda dareenka isaga laabtiisa gubaaya. Halkii uu ka bilaabey aynu xusno bal oo isla eegno si aynu u dhadhamino nuxurka hadalkiisa iyo ujeeddadii uu lahaaba.

“Mullaaxooy waxaad tahay walaashey waxaan kugu bartey xishood, dhaqan-wanaag iyo dhawrsonaan aad dheertahay hablaha qayrkaa ah. Waxaynu nahay walaalo fasal-wadaag ah oo labadeennuba waxaynu sidannaa weel medhan oo aynu doonaynno in aynu cilmi ka buuxsanno. Muddo waan ku xidhiidhaayey, ma garanaysaa ama ma is weydiisey waxaan hablaha kaleba ula hadli waayey? Ma is weydiisay weli waxa keenay inaan markasta kuu muujiyo sidaan hadalkaaga ugu faraxsanahay een dadka kaaga dhawaysanaayo? Muullaaxooy waxaad tahay qof aan doortay oo waxaan kaala baxey inta kula faca ah. Waxaad ku weyn tahay qalbigayga oo waxaan qasri dheemman ah kaaga dhisay agagaarka wadnahayga ee weli waxaan wataa codsi walaalnimo oo uu wehelinaayo dareen rabitaan oo uu gundhiggiisu yahay mustaqbal fiican. Ii oggolow inaad caawiso u noqoto naftayda kuu oomman si aan ugu dedaalo inaan rumeeyo rejooyinka quruxda badan ee dhisanaayey Aaartii bilood ee u dambeeyey ee aan ku caashaqay”

Waxaa i galey dareen i tusaaya damaca ku jira Mooge waxaana maskaxdayda ku dhex dagaallamaayey boqolaal fikir oo aan mar keliya ooda ka qaaddey aniga oo aan dibnahayga soo marinaynnin ee ay gudahayga isku hirdiyayaan. Waxaan ilbidhiqsiyo gudahooda isku canaantey maxaad usoo dhawaynaysey markii hore? Mashquul badan oo gudeed ka dib waxaan Mooge warsadey su’aasha ah “Codsi noocma ah ayaad wadataa ama aad rabtaa inaan kaa aqbalo walaal?”

“Codsigaygu waxa uu yahay inaad noloshaada ii hibayso aniguna aan ku ilaaliyo oo sidii dhalo quraarad ah dhulka kaaga dhawro. Una noqdo qof nolosha wakhtiga ii hadhey oo dhan agtaada ku qaata. Waxa uu yahay inan samaynon xidhiidh salkiisu yahay walaalnimo. Laakiin qotadiisu tahay tahay wada-jir iyo wada-noolaansho aynu ku dabbaqno nolosheenna danbe”
Amakaag weynaa! Waxaan hoos isu weydiinaayey “Waa kuma qofkan noloshaada kaa dalbanayaa?” Waxaan mar kale ku celiyey “Oo Mooge dhawaan ayaad isoo xidhiidhisay ee goormaad iga dalbanaysaa inaan kuugu deeqo noloshayda?”

“Mullaaxooy noloshu maaha wax adag kumana dhisna qallafsanaan ee waa naxariis iyo isunuglaansho. Muddo ku dhow shan bilood ayaan maalin kasta arkaayey wejigaaga haddii uu degdeg igu jirana kuuma sheegeen xilligan waayaha laabtayda barkan. Khasabna maaha in si fiican la isu yaqaannaa ee noloshu waxay ku dhisan tahay heshiisyo iyo iska raalli ahaansho laba qof u dhaxeeya. Waxaan rejaynayaa inaad aqbasho codsigayga si aad u aragtid qofka rasmiga ah een ahay iyo dareenka ku duugan naftayda ee aad adigu u tahay hoggaamiyaha”

Xilligaas hadalladani iyo kuwo kale oo beerlaxawsi u badani ay dhagahayga si toos ah ugu dhacayeen, ma qiyaasi karto caawa waxa aan dareemaayey xataa ma garan karo jihada uu haystey waxa maskaxdayda ka dhex guuxaayey xilligaas. Waxa aan mar kale u celiyey “I sii wakhti aan kaga fikiro arrinkan aad ii soo bandhigtay oo ku siman illaa wakhtigan caawa kiisa si aan naftayda ula shawro haddii Alle oggolaado”. Warcelintiisu waxay ahayd inuu iga aqbaley codsigaygii.

Habeenkaasi waxuu ahaa mid gebi ahaanba ka duwan noloshaydii hore een soo qaatey, waxaa igu dhacey u qaadan waa! Haddana waxa aan kefed iyo miisaan saarey Mooge illaa maalintii uu fasalkayga ku soo biirey illaa caawa oo uu ii soo bandhigay wax uu uurkiisa ku haystey in muddo ah, marka aan miisaankaas ula taggo waxaa ii soo baxaayey dadnimo wanaagga Mooge iyo sida habeenkaas hadalladiisan saamaynta lehi ii soo gadhaayaan. Waxaan seexday habeenkaas aniga oo la yaabban sida wakhtigu isu guraayo welina aanan go’aan cad oo muuqda u gaadhin. Dhinaca kale Mooge waxa uu raagsanaayey dhammaadka wakhtigii ballanta aan u qabtey iyo waxa afkayga ka soo yeedhi doona oo uu isagu u haystey iney laba mid uun dhici karaan. Ta hore inaan ku hago jidkii guusha uu haybinaayey oo ahaa inuu aniga i hantiyo iyo midka labaad oo ahaa inaan ku gacan saydho oo aan aqbali waayo dareenka wali ku gaaggaxsan laabtiisa.

Waxaa baryey waagii mise waxa ugu horreeya ee aan ka fikirayaa waaba hadalkii xalay oo igaga daran waran laygu soo gany. Go’aan baan gaadhey intaan maalintii ku dhex jirey ee aney weli gaadhin xilligii ballantu ahayd. Kaasi oo ahaa inaan soo taabto gunta dareenka uu Mooge ii sheeganaayo oo aan aqbalo codsigiisii ahaa inaan samaysanno xidhiidh rasmi ah. Aan idiin xado waxa niyadayda sida rasmiga ah uga dhex guuxaayey oo ahaa in aanu laftayda iga madhnayn dareenka Mooge qadaa-dhigaayey. Haddana waan is diidsiinaayey oo may ahayn wax aan naftayda uga bartay, laakiin xaqiiqda ayaa ah inuu ahaa dareen laabtayda joogay oo ah ka aan illaa caawa goobtan la fadhiyo een la baaxaa-degaayo. Wakhtigu waxuu is guraba waxaa la gaadhey xilligii ballantu ahayd, sidii aan filaayey waxaa soo dhacey telefoonkaygii waa Mooge. Waxa uu sugayaana waa go’aanka aan soo gaadhey ee ku qotama codsigiisii hore.

Salaan iyo is-xaal-waraysi ka dib waxaan ugu bushaareeyey sidaan diyaar ugu ahay inaan aqbalo codsigiisii anigoo xujo uga dhigaaya in aanu qofna la wadaagin xidhiidhka naga dhaxeeya. Ma garan karo waxaan ku cabirro farxadda wejigiisa habeenkaas ka muuqatay ee uu afkiisuna turjumaayey. Waxa aad moodaysey in loogu bushaareeyey wixii ugu wanaagsanaa nolosha adduun ee uu nool yahay, waxauu bilaabey siduu iigu mahad-celin lahaa isaga oo muujinaaya sida uu ugu diirsadey go’aankaygii ahaa inaan wada jirno oo yeelanno xidhiidh mustaqbal oo loo aayo.

“Mahadsanid, ma aqaanno waxaan kuugu mahad celiyo waxaan se kuugu abaal gudi doonaa in anan weligay qof kula simin oo aanad agtayda ku dayacmin haddii Alle ila kaa damco. Mullaaxooy caawa waxaad iga fujisay waran wadnahayga ku taagnaa, dhaawacii uu ii gaystayna waxaa dawo u noqday go’aankaaga cad ee aad naftayda ku caawisay. Ma lihi hanti aad igu dooratey oo aad maanta raalli igaga tahay. Waayo waxaan ahay arday kula fasal ah oo aann wax badan ku dheerayn waxan se Aabaab kasta u garaaci doonaa sidaan kuu raalli gelin lahaa isla markaana kuu hanan lahaa.”

Dhammaan hadalladaasi waxay ahaayeen kuwo dareen gooniya ii sameynaayey oo qalbigayda dab kalgacal uga dhex shiday sidii dhinbiil lagu tuurey meel shidaal fadhiyo. Waxaa i galay dareen i faraaya inaan Mooge dhinac istaago oo anan ku dayacin damaca uu leeyahay. Waxaan talo ku soo gooyey habeenkaas inaan waligey dhinaciisa ahaado oo aan qalbigiisa dareensiiyo naxariista iyo kalgacaylka sida dhakhsaha ah u saaqay xiskayga ee uu sababta u yahay Mooge. Waxaan xilliyada qaar is weydiin jirey sababta aan il naxariiseed ugu eego markasta? Haddana waxaan naftayda kula shawri jirey inaan is barbardhigo dareenka maskaxdayda ku cusub iyo xaaladdii degganaanshaha ahayd ee aan ku sugnaa barashadii Mooge ka hor. Isu wada gee oo waxa i jiidanaayey wakhtigaas wax iga itaal iyo awoodba weynaa.

Waxii intaas ka danbeeyay waxaanu ahayn kuwo kalgacaylka koriya oo kaalin galiya si aanu dheef uga helno mustaqbalka iyo aayatiinka dambe ee noloshayada. Waxaan u arkaayey qofka keliya ee nolosha quruxdeedaiI tusay ina iftiimiyey meelo badan oo mugdi igaga jiray. Waxa aan sawiran jirey nolosha qoysnimo sida ay uga badhaadho iyo sarredo badan tahay midda kelinnimo ee aannu wakhtigaas ku jirnay. Waxa uu jacaylkiisu degay dhammaan xubnaha jidhkayga oo waxa uu si mug iyo miisaan leh ugu dhex koray xubinta ugu qaalisan jidhkayga oo ah qalbiga. Waxaaba si kedis ah iigu soo dhacdey hees ay ku luuqayso fannaanadda caanka ah ee Yurub Geenyo oo uu midhaheeda lahaa Cabdillaahi Aadan Cali (Cabbaas) oo ahayd:

Sow maalin kuma baran
Muuqaaga lama dhicin
Hadalkaagu ima marin
Malab layma kaa marin

Sow jacayl igumaad mudin
Naftu sow kumay muddan
Miyirkaaga kama helin
Miyaan meel u kacayaa
Sow madaxa maad degin
Jacayl laygu maanshee
Sida mayeyga igu hoor
Miiraale xoog badan
Igu noqay mahiigaan
Hadba mawjad igu kici

Alla magane kuu go’ay
Inta maalmo ii dhiman
Naftu adiga kuu magan
Kala maarmi maynee
Aan ahaanno laba mida
Ha milgowdo noloshuye
Jacayl guuna maal-geli
Ha laynoo mashxaradee
Caashaq raagey meel-mari

Jacayl laygu maanshee
Sida mayeyga igu hoor
Miiraale xoog badan
Igu noqay mahiigaan
Hadba mawjad igu kici.

Jaamacaddii ayaa lagu noqdey laakiin jawiga dhigashada fasalku waa ka duwanaa kii hore ee aan la soo xaadiri jirney. Maalinba ta ka danbaysa waxaa isa soo taraayey oo aan marba marxalad ka gudbaayey kalgacaylka rasmiga ah ee qalbiyadayada buux dhaafiyey. Caawa oo aan halkan fadhiyo ma qiyaasi karo baaxadda uu lahaa Jacaylka aan u qaadey Mooge. Wakhtigayga kala badhkii waxaan ku qaadan jirey inaan ka fikiro isaga iyo nolosha aan la qaadan karo qofkaan jecelahay haddii aan la midoobo. Xaqiiqaduna waa tan caawa i hortaalla ee anay weli iga maydhmin dabayshii caashaqa aan muddo ku naalloonaayey. Sidoo kale aaney i bogsan dakharrada uu i gaadhsiiyey kalgacaylkii aan u qaadey Mooge ee aan ku guuldarraystey waxaan se weli ahay rejo-ku-nool waayo waxaan ogahay in uu maqan yahay Nasrigii Illahay. Waxuu kalgacaylka noo dhaxeeyey uu sii balaadhaba waxaanu heshiis ku noqonney in aanu dhisanno qoys Islaam ah oo caalamka Islaamka ku soo kordhiya ubad wax u tara diinta iyo dalkoodaba haddii Alle idmo. Waxaa la gaadhey hilaadin ay gebagabo ku dhawaatey Jaamacaddii sidoo kale ay soo dhawaatey inaanu nolosha ku midownaa. Waxa aan tirin jirey maalmaha, usbuucyada iyo bilaha sannadka ku jira anigoo raagsanaayey xilliga aan noqon doono marwo lagu ogyahay Mooge.

Bal aynu ku yara noqonno oo xasuusaha aynu ku sinno waxa uu Mooge is bidaayey si uu reer u dhisto, muddadii ku sinnayd Afarta sanno ee aanu Jaamacadda ku jirney waxuu geed dheer iyo mid gaabanba u korey sidii uu u noqon lahaa mid naftiisa iyo mustaqbalkiisaba ku filnaada oo wax u dhigta sidoo kale waxtar muuqda ku kordhiya qoyska uu ka soo jeedo oo uu isagu u weynaa kana kooban Aabbo, Hooyo iyo laba hablood oo isaga ka yar. Waxa uu noqdey mid Ilaahay amarkii ku guulaystey qorshayaal badan oo nololeed oo uu dhigtey xilligaasna waxauu is bidaayey inuu dhisto reer iskuna filnaan karro. Waxa uu sida oo kale ogyahay in haddii uu wax haysto iyo haddii wax la’aani hayso labadaba uu haysto qof ku garab taagan oo jecel. isaguna ku kalsoon yahay oo uu rabo inuu noloshiisa oo dhan ku aammino.

Dareenka caashaq daranaa, oo kululaa haddana qiimo badanaa marka aad haysato qof kula dareemaaya kalgacaylka buux dhaafiyey qalbiga iyo dhammaan xubnaha kale ee jidhkaaga qofkaas oo diyaar u ah inuu kula naas nuujiyo. Ma aha mid aan buuggaag kaga boggan karro hadaan qalin iyo warqad is dul saarro mana sheegi karro waxaan ku masaallo jacaylka aan u qaadey Mooge ee sii fidaayey marba marka ka danbaysey waxaa se muhiimadda noloshayda ugu weyni ahayd inaan isaga ku ag noolaado, saxan wax ku wadda cuno noqdana carruurtayda Aabbahood waayo waxaan dareensanaa oo naftaydu ka dhargsanayd inaan agtiisa ka heli doono naxariis, kalgacayl iyo quruxda nolosha adduun, naruuro iyo negaanshana agtiisa ka dheefi doono aan ku noolaado noloshayda inta hadhay oo dhan.

***

Waxay ahayd habeen Jimce ah sida caadiga ah Aabbo waxuu guriga yimaaddaa marka uu salaadda cishaa’I soo tukado si uu wakhti noola qaato isaguna uga raysto daalkii maanta ee shaqada. Waxaan u diyaariyey cashadiii dabadeed waxaan uga yeedhay qolkiisa anigoo ku wargelinaaya iney cashadii diyaar u tahay. Inyar ka dib wuu soo kacay waxaanu u jihaystey dhinaca uu ka xigey qolka aan cashada ugu diyaariyey, waxuu bilaabay cunitaankii cashada. Waxaa miiska u saarnaa telefoonkiisa gacanta oo uu Quraan ka dhegaysanaayey. Waxaa daqiiqado yar ka dib soo dhacey telefoonkiisiii kor ayuu usoo qaadey ka dibna wuu qabtey. In muddo ah ayey is waraysanayeen qofkii soo wacey hadalkana isku celcelinaayeen waxaan se u fahmay qof ay si fiican isu waraysanayaan isna garanayaan. Laakiin ma ogayn in soo dhicitaanka telefoonkaa aabbo habeenkaas uu saamaynta intan le’eg keeni karro, waxyeelladii isoo gaadhey dhammaanteed waxaa bar bilow u ahaa telefoonkaas soo dhacay habeenkaas.

Aabbo cabbaar goortii uu ku hadlaayey telefoonkiisa ayuu dhigey ka dibna iska sii watey cashadii. Waxa uu ka soo baxey qolkii uu ku cashanaayey waxa uuna yimid qolkii fadhiga oo ah golaha keliya ee aan isku waraysanno habeenkan oo kale si qof kastaba looga waraysto usbuucii dhammaaday waxa uu ku idlaadey iyo waxyaabaha uu noloshiisa ku soo kordhiyey. Waa shir habeen kasta oo Jimce ah la iskugu yimaado oo aanu dhammaantayo ka qayb galno ilaa Magoolyar oo xaafadda u yarayd. Habeenkaas waxaa hadalkii u horreyey qaatay Aabbo si uu noola socodsiiyo war mardhawayd ku soo biirey waxaanu yidhi:

“Goor dhawayd waxaa ila soo hadley Cali oo waxa uu ii sheegay in uu inankiisii Muuse iman doono waddanka. Inagana waxaa la inooga baahan yahay inaynu soo dhawaynno oo caawinno inta uu halkan joogo. Inalama degaayo oo waxaan usoo kiraynayaa guri uu dego isagaana taas jecel oo igu wargeliyey. Laakiin waxaa dhammaanteen la inooga fadhiyaa inaynu celinno abaalkii uu aniga Cali ii galey”. Cali waa Aabbo inaadeerkii ruma oo deggen magaalada Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Dubai. Muuse-na waa inankiisii curad oo aanu Ilmaadeer nahay. Aabbo xilliyada qaar waxuu tegi jirey Dubai isagoo arrimo ganacsi ku guda jira. Xilliyadaas ayuu ku degi jirey guriga adeero Cali oo si fiican loogu soo dhaweyn jirey.

Soo dhawaynta Muuse waxay ku muddaysneyd maalin Sabti ah. Aabbo ayaana diyaar u ahaa si uu uga soo qaaddo garoonka diyaaraddaha caalamiga ah ee Cigaal, Hargaysa (Egal international airport). Waxaa la gaadhey xilligii ballantu ahay ee uu iman lahaa laga hor tag lana soo qaad. Maalintaas waxa uu guriga yimid aniga oo maqan si uu hooyo usoo bariidiyo, waxa uu u sheegay inuu soo nasan doono oo uu fiidka marka la gaadho ee aannu dhammaantayo isu nimaadno uu noo iman doono si uu reerka si fiican ugu barto. Waa yimi goor salaaddii Cishaa’i laga soo baxey uu reerku dhammaantood isu yimi waxaa si diiran usoo dhaweeyey Hooyo iyo Aabbo waxaa markiiba laysku soo shubey dhankii qolka fadhigu ka xigey, aniga iyo Magoolna waxaanu soo diyaarinayney cabitaankii kagu soo dhaweyn lahaa Muuse. Inyar ka dib waxaanu soo galney qolkii anaga oo gacmaha ku sidna bileedhada waaweyn ee lagu qaaddo Sharaabka oo ay dusha ka saran yahiin caagado iyo quraarado uu ku moorsan yahay cabitaan, bileedho yaryar oo cunto fududi ku jirto iyo sufurradii lagu cabbi lahaa sharaabka. Dabadeed waanu dhigney oo u qaybinney dhammaantood. Intaas ka dib aabbo ayaa galey inuu iskaayo baro annaga iyo inaadeerkay Muuse.

“Muusoow Mullaaxo iyo Magool waa labadayda hablood ee tarraxa afartan inan ee ku hor fadhiya”. Waxa uu Muuse noo xigsiiyey “Barasho wacan hablahayagii, doorkii u danbeeyey eenu waddanka nimi aniga iyo aabbo Mullaaxo aad ayey u yarayd oo dugsiga dhexe ayey ku jirtey haddana iney Jaamacaddii dhammaynayso ayaan ku war helay. Halka Magoolna ay jirtey sannad ama wax uga dhinnaayeen. Haddana way waaweynaadeen maansha Allah.”

Hooyo ayaa jawaabtey oo tidhi, “Haa Hooyo Muusoow way waaweynaadeen oo gashaantimo isleeg ayey noqdeen adiguna in badan oo toban sanno ku dhow ayaad waddanka ka maqnayd oo isbadelkaad arkaysaa wakhtigaas ayuu dhashey” Muuse markale tiraabey oo yidhi; “Waa run oo in badan ayaan maqnaa iyaga oo kaliya maahee dhammaan carruurtu waa wada koreen oo kaalin galeen. Adiga iyo adeero ayaa sabab u ah oo ku dedaaley Alle ka sokow ee Eebbe SWT ha idiinku daro miisaanka xasanaadka sida wacan ee aadd ugu koriseen tarbiyadda wanaagsan iyo dhaqanka qurxoon.” Habeenkaas halkaas ayaa lagu wada qaatey cawaysin barkhadeed oo is barasho cusub iyo isxaal-waraysi isugu jira. Waxa uu uu aabbo u sheegaayey inuu waddanka u yimid hawlo shaqo iyo hawl kale oo isaga gaar u ah oo uu ku tibaaxey inuu u soo guur doontay dalka. Muddo dheer ka dib waxa dhammaadey wakhtigii cawaysinka loogu tall galay. Muusena waxaa loo gelbiyey hoygii uu magaalada Hargeysa ka deggenaa ee uu ku soo degay si uu waddanka wakhti ugu qaato.

Iney lumaan dhammaan rejooyinkaan lahaa habeenkan baa u horreysey illaa caawana waan tebayaa waxyaabo badan oo iga maqan iyo galdaloollooyin badan oo ka bannaan daaqado noloshayda ka mid ah. Waxaan se ku qanacsanahay dhibcaha iyo derejooyinka uu Alle SWT i siiyey waayo waxay wax kastaaba ku dhacaan qoraal iyo qaddar Rabbi. Muuse habeenkaas waxa uu la hoydey dareen damaacinnimo muujinaaya isla markaana faraaya inuu aniga iga helay iguna fuliyo mid ka mid ah ujeeddooyinkii uu magaalada u yimid oo ahayd inuu guursado. Waxaa aragtidii koowaadba ku abuurmey caashaq iyo xiiso meel uu ka yimid aan la garanayn oo cir-ka-soo-dhac ku noqdey anigu se waxba kama ogayn damaacinnimada hafisey Muuse ee igu indho-tirtay aniga.

Waxaabad mooddaa inuu isku qoomamaynaayo inuu markii hore diiday inuu nala dego, oo waxa uu aad u jecel yahay markan sidii uu guriga uga muuqan lahaa wakhti kasta si uu aniga ii arko. Laakiin waxay noqotey wax uu ku dhici waayey oo aabbo ayuu hore uga diidey codsigiisii ahaa inuu marti noo ahaado inta uu waddanka joogo. Waxaa se xadkeedii ka badatey booqasahadii oo uu Muuse noogu iman jirey mar kasta oo aanu hawl haynnin. Dabadeed waxa uu tagi jirey wakhti danbe. Mararka qaar waxuu tijaabin jirey inuu hadal bariido dhaafsiisan ila wadaago kama se oggolaan jiirin inta badan. Waayo waxaan ka baqaayey inuu noloshayda saamayn ku yeesho oo uu carqaladda ugu weyn noqdo.

Waxaa xilligaas soo dhawaa qalin-jabinta Jaamacadahaygii oo waxaa soo horreysey midda aanu Mooge ka wada bixi doonno oo ahayd kuuliyadda daraasaadka Islaamiga ah. Waxaa markasta ballanku ahaa in Jaamacadda laga shaqaaleysiiyo ardayga kuuliyadda u sarreeya oo inta si buuxda Imtixaan looga qaado uu ka mid noqdo barayaasha ka hawl gala Jaamacadda. Mooge ayaa dedaal faro badan ku bixin jirey sidii uu u noqon lahaa qofkaas. Alle amarkii wuu ku guuleystey rejadiisii ahayd inuu qofkaas noqdo oo taasina waxay noqotey shaqo kale oo hor leh oo u saamaxdey inuu dhaqaalahiisu sii kordho isku filnaanshana gaadho. Waxa aanu dhammayney Jaamacaddii anaga oo rayrayn iyo wada-jir dareemaynna isla markaana is tusney in aanu xaqiijinnay qayb ka mid ah riyooyinkii aanu adduunka guudkiisa lahayn. Waxaanu se carqalad xilligaas u arkayney Muuse oo doonaayey inuu dhinaca kaga soo biiro nolol aanu qorshaynayney ku dhawaad afar gu’ oo xidhiidh ah taas oo aanu uga dan lahayn midowga noloshayada.

Tallaabo kasta oo uu Muuse qaado waxaan si degdeg ah ula socodsiin jirey Mooge oo ah qofka aan rabo inaan noloshayda dhammaanteed la wadaago oo ku aammino. Laakiin isaga waxay u ahayd niyad-jab iyo dhib kale oo la soo deristey noloshiisii caadiga ahayd, anigana xabad laygu dhuftay way igaga darnaayeen aragtida iyo la hadalka Muuse. Waayo waxaan u arkaayey caqabadda ugu weyn ee rabitaankayga hortaagan waanan dhibsan jirey runtii. Damacii Muuse maalinba mida ka danbaysa wuu sii kordhaayey oo xadhkaha ayuu sii goosanaayey illaa markii danbe uu u soo babac dhigey waalidkey markuu waayey fursad keli ah oo uu igaga dhaadhicin karo ujeeddadiisu waxa ay tahay. Muddadii uu ku sugnaa magaalada waxaa laga joogaa bil iyo saa’id waxaana qalbigiisa ku tarmaayey xiiso uu wehelinaayaayey rabitaan tusay noloshayda iyo sidii uu ku heli lahaa.

Aniga iyo Mooge maalmahani waxay ahayeen ayaamihii u adkaa ee na soo mara intaanu wada soconey, wakhtigii aanu ku heshiiney inuu reerkayaga u yimaadana waxaa ka hadhsanayd muddo lix bilood ah. Laakiin ifafaalaha ka soo muuqda noloshayadu ilama qurux badnayn oo cabsi ayaa i hadhaysey dhammaantey. Waxay ahayd habeen Khamiisi soo gelaysey waa ka duwanaa habeenkani kuwii horee een qoyskayga ku aqaanney. Waxaa laysu soo wada hoydey fiid waxaa haddana inyar ka dib guriga ka hor guuxay gaadhi aan Muuse ku aqaanney oo uu watey, waaba isagii oo ka soo degay. Waxaa isla markiiba albaabka ka furey aabbo oo daaradda guriga dhex taagnaa una muuqdey inuu isaga sugaayey isla markaana ogaa imaanshihiisa. Intaas ka dib waxaa toos loo abaarray dhinacii uu ka xigey qolkii shirarka reerku ku qabsan jireen. Waxaan sida dharaarta u ogaa in aniga la iga arrinsanaayo oo noloshayda faro-gelin lagu hayo isla markaana la igu khasbaayo qof anan raalli ka ahayn. Laakiin tolow haddii ay ogaan lahaayeen qalbigayga waxa ku jirra suurtogal ma ahaan lahayd iney ii aqbalaan rabitaankayga?

Waxaa werwerka inta ugu badan ila qaybsan jirtey walaashey Magool yar oo ogayd sida anan Muuse raallida uga ahayn una jecelahay oo heshiis nooga dhaxeeyo Mooge. Muddo saacad ku dhow ayey ku jireen qolka waxa ugu weyn ee ay habeenkaas ka wada hadlaayeenna waxuu ahaa in uu usoo bandhigay iney isiiyaan aniga oo aan nolosha la wadaago Muuse oo ku afgobaadsanaayey inuu yahay Inaadeerkay noloshaydana ilaalin doono. Waxa ay dhammaantood heshiis ku noqdeen sidaan isaga oori ugu noqon lahaa. Iyagu se war kama hayaan iney mustaqbalkayga iyo quruxda noloshaydaba god ku rideen oo ay lumiyeen deggenaanshahaygii. Waxaa lagu kala tegay oo la isla qaatey in waalidkaygu igala hadlaan arrinka guurka ee uu Muuse u soo bandhigay anigana igu qanciyaan, wuu tagey Muuse anigana waa la ii yeedhay. Aabbo ayaana bilaabey hadalkii isagoo maslaxaad ku furaya tiraabtiisa:

“Aabbo Mullaaxooy waanu kugu soo tabacney oo ku soo kaalin gelinney anaga ayaa iska leh Ilaahay ka sokow quruxda kaa muuqata maanta. Qiimaha iyo akhlaaqda aad leedahay ee Raxmaanku kugu mannaystey, cilmi diineed iyo mid maaddi ah oo kugu filanba waad leedahay waana dedaal aad bixisey oo Alle SWT kuu fududeeyey anaguna kugu garab istaagney. Aabbo waxaan maanta kuu wadnaa qaybtii labaad ee noloshaada si aad u dhammays tiranto. Waxaa na kaa waydiistey inaadeerkaa Muuse oo sidaad ogayd waddanka u yimid inuu guursaddo. Waana wax lagu farxo inuu adiga ku doortay oo uu rabo inaad xaas u noqoto oo aad nolosha wadaagtaan. Aabbo waxaad ku noolaan doontaa nolol aannu raalli kaaga nahay, adiguna aad ku istareexdo ee adiga ayaanu kaa sugaynaa oggolaanshaha aad nagaga aqbali doontid arrinkaas noloshaada khuseeya”

Aabbahay haddii uu ogyahay inaan qalbiga ka ilmaynaayo oo aan ku jiro xaaladdii ugu xumayd noloshayda imuu yidhaahdeen hadallada qaarkood iimana quudheen niyad -ab ee xataa waxuu joojin lahaa dadka kale waxa iiga imaanaaya ee dhawacaaya naftaydan qunbacashadu wehelka u noqotey daqiiqaddahaas. Hadalladii ay habeenkaas afarta hareeroodba igala fadhiisteen ma qiyaasi kartid saamaynta ay igu lahaayeen, waxay u dhignaayeen anigoo waran wadnaha garkiisa laygu gooyey oo aan ku noolahay nolol geeridu dhaanto. Dhammaantood way hadlayeen laakiin aniga waxaa maskaxdayda ku legdamaayey dareenno naxariistii iyo kalgacalkiiba ay ka guureen oo aad mooddo inuu qalbigii i engagey. Waxa aan u arkaayey iney cadow igu yihiin dhammaantood. Waalidkay umay baran inaan hadal ku soo celiyo oo muran ka keeno rabitaankooda sidaas si la mid ah kamaan sugayn wax i niyad-jabiya iney ku dhaqaaqayaan. Laakiin sidan waxaabey u haystaan inuu yahay go’aankii ugu quruxda badnaa ee ay noloshayda ka gaadheen.

Waxaan u sheegay iney isiiyaan wakhti aan kaga fikiro arrinkan oo ah mid noloshayda inta ka hadhey oo dhan saameyn ku yeelan doona.

“Haye Aabbo si fiican uga fikir anaguna waxaanu isla qaadanney inaad guurkaas ogolaato waayo noloshaada ayuu qurxinayaa.” Goobtii aan fadhiyey ayaan ka kacey anigoo cagaha jiidaaya oo ku sugan xaalad nololeed middii ugu adkeyd ee isoo marta noloshayda. Waana ta aan ilaa imika farxaddii iiga guurtay eenan u ahayd qof nolosha ay ku nooshahay ku deggan oo raalli ku ah. Markii aan goobtii ka kacey waxaa si kedis ah maankaygu usoo celiyey maanso uu halabuurkeeda lahaa Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo odhanaysey:

Wuxuu guurku aayiyo
Udug iyo man yeeshaa
Ayaankaaga goortaad
Uurkaagu kuu rabo
Ifka qoys u noqoteed
Ashqaraarto guushee
Markii aragtidaaydiyo
Aashii naftaydaba
Lagu tuuray iilkee
Amar waalid dookhii
La igaga af-duubaan
Urugiyo ladh iyo ciil
Umalkii la tiicee
Wax aroosku libin iyo
Anfac toosan leeyahay
Oggolaansho goortay
Dadku oori iyo say
Ku noqdaan af-garadkee
Amar waalid oo daran
Aqbalkiisa mooyee
Ayaan qudha ma ledin farax
Istareexna kuma gelin
Aqalkaan ku noolee
Haddii ulashadaydii
Oodda caawa loo rogey
Eedaadka waaqay
Ka dhex ooyi maayee
Ubaxii Jacaylkeen
Ka abqaalay khayrkiyo
Irridaha samaantiyo
Mar uun albaabkii
Awdnaa la furayaa
Inta ay arwaaxdiyo
Ajashaydu xay yiin
Sidii aan addoon ahay
Arjunnaanta ciilka leh
Ku abaadi maayee
Ufadiyo kol uun bay Naqu ii onkodayaan
Waxuu oonku ba’ayaa
Illimaha xareeddaa
Xor markaan u aadee
Mar uun buu Ilays iyo
Iftiin daarmi doonaa
Aayar quusan maayee
Ula-jeeddaduna
Amin way hirgelaysaa
Ololaha dhawaan baan
Ididiiladaan rabo
U itaali doonaa
Haddii uurku-taaliyo
Utun guudka lay sudhay
Imtixaanku waa daw
Maalmaha adduunkee
Abshir iyo riyaaqbaa
Xigi eelkan saakee
Waa inaan adkaystaa.

Wakhtigii lay siiyey waxaan uga faa’iidaystey inaan Mooge wax kasta la socodsiiyo oo u sheego. Waan la hadley habeenkaas aniga oo ilmadu dhabannadayda ka da’ayso waxaanan u sheegay halka xaalku maraayo iyo sida weerarka loogu yahay noloshaan ku heshiinnay. aalintan adag bal waxa uu Mooge ka qoray. Aan idinla yara wadaago’e:

“Noloshaydu waxay u socotey sidaan u qorsheeyey Allena wuu igu garab galey. Laakiin waxaa caawa i dumey garabkii noloshayda ugu qaalisanaa. Waxaa burburay qorshe aan dhisaayey ku dhawaad afar sanno. Waxaa duullimaad lagu yahay noloshii aanu wada qorshaysanney aniga iyo Mullaaxo. Dareenka qalbigayga hadheeyey waa mid i gubaaya oo dab iyo holac igu noqdey. Waa mid aan waayey waxaan ku tusaaleeyo waayo waxaa suurtogal ah in qofkaan noloshayda u doortey iney noqoto xaas nin kale oo waalidkeed ku qasbeen. Waxaan se ku qanacsanahay qaddarka Rabbi oo sidan noqdey meel loo dhaafaana aney jirin.”

Markaan Mooge u sheegay arrinku halkuu maraayo waxuu ila socodsiiyey oo aanu isla qaadanney inaan waalidkey ka dalbado iney iga joojiyaan guurkan anan raallida ka ahayn. Noloshaydana ay ii daayaan si aan anigu u qaabeeyo mid aan ku niyad samahay. Waxaa la gaadhey xilligii aan ku war elin lahaa una sheegi lahaa go’aankayga waxaan habeenkaas aabbo u sheegay sida anan raallida uga ahayn in Muuse la i siiyo, aniga oo codsanaaya in aniga la ii daayo maaraynta noloshayda, si cidda aan u arko iney i dhaqi karto ugu hibeeyo oo ula wadaago nolol aan ku faraxsanahay. Waxaan sidoo kale u mariyey tix kooban oo maanso ah oo uu hal-abuuray Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr waxayna odhanaysey sidan soo socota.

Xushmaddaadu waa faral
Iyo weedh Xakiim faray
Xiisiyo jacayl baa
Xaas lagu ahaadaa
Siduu xididku geedaha
U xareed waraabshay
Xubbigiyo galgacakuna
Qoyska ugu xus mudanyiin
Xaajadu cakirantee
Geesi aanan soo xulan
Ifka kuma xasilayoo
Xabbadkayga kaan hanan
Xilo uma ahaan karo
Anigoon xaq diidayn
Aabbow xorriyaddiyo
Xuquuqdaydu yay lumin
Xurmayn baan ku saaraye
Xarafkayga ii yeel
Waxaad tahay xilqaadkii
Samo igu xannaanshee
Inagoon xabaal gelin
Xagna kaama tegayoo
Waxaad tahay xilqaadkiyo
Xayndaabka noloshoo
Xangullaaha garaadkaad
Xasuus weyn ku leedahay
Xayskaan filaayiyo
Rejadayda xaalee
Xiddigaygu yuu dhicin
Ii xeeri taan rabo
Axdigaan xafidayana
Xoorkiisa ila dhawr
Anigoon xaq diidayn
Aabbow xorriyaddiyo
Xuquuqdaydu yey lumin
Xurmayn baan ku saaraye Xarafkayga ii yeel
Xubin hadalku yuu noqon
Xujo aan la mari karin Xakamaha i dhibayiyo
Xayiraadda iga daa
Wadnihii xawilan iyo
Xero uu caashaq dego
Xagal kale ma eegaan
Xalku dookha weeyaan
Xaawalay la duudsiyo
Xadiiskeennu muu farin
Xilliyadu qadhaadhaa
Sidii uu xanuun jiro
Xisku wuu werwerayaa
Xalaytoole maan gamin
Anigoon xaq diidayn
Aabbow xorriyaddiyo
Xuquuqdaydu yay lumen
Xurmayn baan ku saaraye
Xarafkayga ii yeel

Intaan hadlaayey si qoto dheer ayaa la ii dhagaysanayey waxaana i gashey yididiilo ah “Malaha waaba lagaa oggolaan codsiga aad wadato”. Laakiin malahaygii ma rumoobin oo xataa waxyarna hadalladaydii may beddelin qoyska aan ka soo jeeday waxaana la ila soo hor istaagey diidmo qayaxan oo odhanaysa “Muuse waxuu noqon doonaa qofka aad nolosha la wadaagi doonto. Mar danbana yey iman wax aan lagaa aqbaleyn oo ah inaad ka keento muran hadalladayada.”

Talo ayaa igu caddaatay waxaanan arkey inaan ugu danbayn guuldarraystey oo aan waayi doono qofkaan anigu doortay la iina afduubi doono shakhsi kale oo anan raalli ka ahayn. Habeenkaas oo kale noloshayda ima soo marin imana soo mari doono ayaan filayaa. Waxaa waagu ii baryey aniga oo ku taagan indhahii xaley oo aan laba indhood isu keenin. Ilmaduna gabi ahaanba beddeshay dhabannadayda sidii ay korkooda u yaacaysey. Waxaan wax kasta u sheegay Mooge oo ahaa qofka dareenka aan habeenkaas la meehanaabaayey war ka hayey, isaguna mid la mid ah ayuu la gaaf wareegaayey oo waxa uu ku noqon kari waayey gurigii illaa markii danbe baadidoon lagu soo helay sidii ilmo yar oo markaas uun socodka xejiyey kana lumay gurigoodii.

Waan is beddellay laba cisho gudahood oo waxaan u muuqdey qof laga qaadey xorriyaddii oo jeel ku jirta, ugu danbayn waxuu Mooge igu qanciyey in ay tani tahay qaddar iyo qoraal Rabbi isla markaana dhinac loo dhaafaa annay jirin illaa inaad maqasho waalidkaagu waxay kula jecel yahiin mooyaane. Isaga oo ii caqli-celinaaya waxaa hadalladiisii ka mid ahaa “Mullaaxooy inagu waxaynu lahayn qorshayaal aynu u dajisannay nolosheenna. Laakiin fulinta keenna waxaa ka weyn in Alle SWT fulo kiisu. Waayo waa qoraal aan jihana looga dhaqaaqi karin, inaynu is wayno oo aad xaas nin kale noqotaa waa qaddarka Raxmaankii inna uumay, sababna waxaa u ah waalidkeen. Laakiin iyagu waxay u haystaan in ay tani tahay mid adiga kuu fiican oo marnaba ma jecla xumaanteenna, ee yeel waxa lagu soo jeediyey oo qaaddo go’aannada waalidkaa guursana qofka ay kula jeclaadeen. Aniguna waxaa adag sida aan qof danbe ula wadaagi doono xidhiidh jacayl maadaama oo aan kii horeba ku fashilmey. Waxaana suurtogal ah in aynu gadaal ka midowno oo noqonno qoys ka mid ah qoysaska Islaamka ah ee caalamka ku nool. Waxaan ugu danbeyn kuu rejaynayaa inaad ku noolaato nolol qurux badan oo aanad weligaa murugoonnin dhibna dareemin.”

Hadalladani waxay igu ahaayeen abid kuwii ugu kululaa ee qalbigayga dhalaaliyey dhidid meel uu ka yimid anan garanaynna ayaa qooyey dhammaan jidhkayga. Waa weedho aan ka maqlo qof i jecel haddana ii hibaynaaya qof aanan rabin. Laakiin xalka keliya ee yaalley ayaa ahaa kaas oo meel loo dhafaa anney jirin. Waxaa jujuub la igaga dhigey guur aanan diyaar u ahayn iyo qof anan ag-jooggiisa ku faraxsanayn waayo ma soo dooran ee waa le ii dooray. Taas ayaana ahayd dhibta jirtey illaa caawana uurkayga gubaysa oo aanan habeen ka seexan. Sidii ayaa la igu siiyey Muuse una noqonney reer dhisan oo wada qaata maalmaha nolosha. Laakiin anigu aan mar kasta ahaa qof xusuus ku nool oo markasta maskaxdeedu dib usoo celiso waxyaabahii iyo maalmahii quruxda badnaa ee isoo maray. Waxaan ku noolahay guurkayga ka dib gurigan aan caawa dhex fadhiyo een ku kala horaayey xusuusaha dhex jibaaxaayey maankayga ee aan idiinka warramay. Mana aqaanno waxa maalmaha soo socda dhici kara ee aynu sii wada soconno haddii Raxmaanku iidiin oggolaado.

***

Caawa oo aan halkan fadhiyo laba sanno ayaa laga joogaa wakhtigii aanu is guursanney Muue. Si kasta oo noloshayadu tahay haddana waxaa meesha aan jirin oo ka maqan salkii hoose ee reer ku dhismi lahaa, isla markaana udubbada loogu taagi lahaa. Waana iska raalli ahaanshaha iyo jacaylka rasmiga ah ee laba qof oo nolosha ku midoobay u dhaxayn lahaa, si ay u iftiinto nolosha ay wada qadanayaan ee qoysnimo, ubadka ay soo sarayaanna ay u noqdaan kuwo la intifaacsado.

Cabdiraxmaan Muuse waa wiilkayga curad haddana waxuu jiraa ku dhawaad sannad waana qofka kaliya ee wajigiisu I farxad galiyo dunida dadka ku nool oo dhan waayo waan jecelahay inta Hooyo ilmaheeda jeceshahay ee u nugushahay, sababta aan dadka hareerahayga ah oo ay kow ka yahiin waalidkaygu uga qariyo waayaha ku jira laabtayduna waxaan jecelahay in ay aniga kaliya igu koobnaadaan oo aan dambarsado dhib iyo dheef wixii iga soo gaadhaba maadaama oo aney jirin cid ii garaabaysa oo aann u sheegto duruufaha nololeed ee aan ku suganahay.

3

Wakhtigii aanu aqal galney aniga iyo Muuse waxa uu sii joogay waddanka ku dhawaad lix bilood isaga oo maamulaayey mashaariic kala duwan oo ay usoo dirtay shirkad ku taalla Dubai oo uu ka shaqeeyo. Muddadaas waa aannu wada noolahay haddana iskuma aannaan faraxsanayn. Sababtuna dhankayga ayey ahayd, waayo waxa uu ahaa qof la igu khasbey oo aanan anigu marnaba u soo doorin noloshayda. Waxa u damcey inuu noqdo oo uu tago waddankii uu ka yimid aniga oo xaamilo ah, waxaanan u sheegay in aanay xaaladdaydu sidii hore ahayn oo uu ila sii joogo ugu yaraan inta uu Alle SWT ikala nabad keenaayo. Dabadeed si adag ayuu uga soo hor jeedsadey codsigaygii isaga oo sabab uga dhigey iney hawshiisu ka kala daadanayso oo ay suurtogalba tahay in laga eryo shaqada. Laakiin waxaan ogaa in aanu ahayn qof laga eryi karo shaqada uu shirkadda u hayo darteed, awoodna uu u leeyahay inuu muddo kooban fasax qaato si uu iila qaybsado xaaladda aan ku jiro. Waxa uu se u muuqdey qof aan idanaynaynnin. Markii uu sidaas igaga haajirey waxaa igu sii kordhey nacaybkii aan u qabe. Waxaanan Ilaahay ka baryi jirey in aanu dib iigu soo noqon oo uu sidaas igaga maqnaado welina sidii ayuu ku maqan yahay, aniguna aan u ahay marwo mudanaheedii ka maqan yahay oo xaasnimo lagu og yahay.

Markii uu tegay waxaa waalidkeygu igula taliyeen inaan iyaga usoo wareego mar haddii uu maqan yahay Muuse, laakiin si adag ayaan arrinkaas uga soo horjeedsadey aniga oo u caddeynaaya iney cidladaasi tahay halkii ay iyagu i dhigeen, ee ay iigu talo galeen waxana u sheegay inaan gurigayga joogi doono ilaa inta uu Muuse ka soo laabanaayo ama aanu ku kala haajiraynno. Waxaa muddo yar ka dib ii dhashey Cabdiraxmaan-yare gurigiina wehel ayuu yeeshay marka laga yimaaddo inanta ila joogta ee shaqaalaha ah. Wakhtigaas sannadka ku dhow ee uu inankaygu jirey iyo in ka horraysayba indho iyo baal ma saarin Muuse ima soo xidhiidhiyo lamana hadlo anigu oo iskumaba mashquuliyo. Guriga aanu ku jirno isaga ayaa hanti u lahaa biilka aanu xaq ugu leenahayna waanu ka heli jirney oo bishu markay dhammaato ayaa la ii yeedhi jirey si aan u qaato waxii uu noogu talo galey. Laakiin hadda saddexdii bilood ee u dambaysey waa goostey gebi ahaanba xidhiidhkii lagu yaqaanney nin xaas iyo carruur leh waana waxaan filaayey iyo waliba baryo aan Illahay ka baryi jiray in aanu ninkaas dib isu kaaya tusin.

Dhanka kale waalidkey way ogyahiin waxa uu sameeyey Muuse waxaanney aad isagu qoomammeeyaan iney igu khasbeen qof anan raalli ka ahayn oo ay noloshayda meel kaga dhaceen, iyaga ayaa na og aniga iyo Cabdiraxmaanba oo nagu biiliya hantidan aanu ku jirno. Hadda waxa keliya ee ii banaan ayaa ah inaan aabbo kala hadlo sidii uu ninkaas iiga sii daen lahaa, isagana runta ugu sheegi lahaa maadaama oo aanu noo maqnayn ee uu halkan nagu ilaabey, bari marka uu waagu baryo ayaan bookhanayaa Aabbo waa sida qorshahaygu yahay.

Waxaan u tegay Aabbo waxaanan ka dalbaday inuu xadhigga noo kala jaro aniga iyo Muuse maadaama oo uu isagu markii horena igu khasbey guurkiisa, haddana uu arko sida uu yeelay ee uu noo dayacay aniga iyo ilmahiisiiba. Waxaana na dhex marey aniga iyo aabbo sheekadan; “Aabbo waxaan ahay marwo reer lagu ogyahay sababta guurkaygaasna adiga ayaa ka danbeeyey oo ii guuriyey Muuse aniga oo aan raalli ka ahay. Way dhacdey taasi laakiin muu noqon sidaad iigu sheegayseen Muuse oo wuu ka soo bixi kari waayey masuuliyaddii uu Alle SWT saarey. Waad ogtahay oo Cabdiraxmaan yare oo sannad da’diisu ku dhawdahay ma arkin mana uu ka soo ag wareegin xataa ma oga wiil iyo gabadh waxa u dhashey. Tasina waa nasiib-darro iyo inuu ku ciyaarey noloshaydaan jeclaa inaan farxad ku qaato oo aan gardaadiyo awlaad uu aabbahood i garab joogo oo uu dhib iyo dheef labadaba ila qaybsado. Hadal iyo dhammaan anigu ma rabo inaan sii ahaado marwannimo aan waxba laygu ogayn oo aan laygu cisayneynnin, ee iiga dalab Muuse inaan kala tagno. Wixii aan xuquuq ku lahaana isiiyo sidaasna aanu ku kala faraxalanno.”

“Aabbo Mullaaxooy horta waan ka xumahay inaan noloshaadii caqabad ku noqdey. Weligay waa wax aanan filaynnin inaan dhibaato kugu noqdo oo aan noloshaada ka gaadho go’aanno aan sax ahayn. Ma odhan karo Muuse ayaa leh dhammaan khaladdaadka jira laakiin aniguna qayb ayaan ka ahay. Sababtuna waxa weeye in anan ka fiirsan dhismaha qoyskaaga aan anigu sababtiisa lahaa. Laakiin xilligaas waxaan u aarkaayey maslaxadda noloshaadu iney ku jirto inaad xaas u noqoto inaadeerkaa Muuse oo aan u maleeyey inuu yahay nin ku hanan kara oo ilaalin kara wada-dhalashadiinna. Ma ay se noqon sidaan rejaynaayey, haddana waxaan diyaar u ahay inaan kuu sameeyo wax kasta ood u aragto inuu ku jiro xalka noloshaadu. Adiga ayaanan kaa sugaayey inuu codsigaasi kaa soo go’ oo aad Muuse ka soo istaagto.Si aan kaaga hiiliyo oo aan kaaga qaado waxaad xaq iyo xuquuq u leedahay isla markaana noloshaada uga dheereeyo.”

“Aabbo waad mahadsan tahay. Adiga ayaa hore Muuse iigu khasbey guurkiisa aniguna raalli kama ahayn go’aankaas qadhaadh ee aad i taabsiisay waan se qaatey si aanan uga soo hor jeedsan go’aannadaada. Haddana waan ku faraxsanahay inaad ii samaynayso sidaaan jecelahay. Waxa aan jecelahay inaan mar kale kuugu celiyo inaan rabo in aanu kala tagno oo uu noloshayda sidaas kaga baxo si aan anigu u hagaajiyo wixii iga qabyoobay noloshaydana dib ugu maareeyo.”

Maanta waxaan aabbo kala imid yididdiilo hor leh oo sheegaysa inaan xor ka noqon doono gurigan xun ee ku dhex xidhanahay sidii addoon jeel looga dhigay oo ay noloshaydu dib u heli doonto farxaddii hore uga luntay. Aabbo markii uu la Hadley Muuse una sheegay dalabkayga. Ismaba dhibin umana muuqan mid jecel la sii jooggayga ee hore ayuu aabbo ugu sheegay inuu i fasaxayo ina siin doonno xuquuqiyaadkii ay gabadha la furaa lahayd. Warkani waaba midkii aan waligey Alle ka baryi jirey waxaanan uga mahad -eliyey inuu aqbaley ducadaydii. Sidaas ayaanu Muuse ku kala tagney. Hadyadda ugu weyn ee Alle SWT iga siiyeyna waxa uu noqdey Cabdiraxmaan-yare oo I ilowsiiyey dhib iyo rafaad kasta oo aan soo marey intii aan la noolaa
Muuse. Waxaan xaqiiqsadey inuu sidii uu habeen madow noloshayda usoo galey inuu haddana uu uga baxey oo Alle iga fardaamiyey.

Xilligan waxaan ku noolahay gurigii waalidkey waa goob aan ku soo qaatey farxaddii noloshayda oo dhan haddana aan ku qaadan doono inta aan ag joogo. Waxaa isa soo taraayey maalinba maalinta ka danbaysa soo noqoshada deggenaanshaha noloshayda iyo inaan noqdo qof six xor ah u fikiri karta oo nolosheeda u samaysa jadwal iyo qaynuun ay raacdo, si aana mar danbe ugu lumin hawo been ah iyo nolo aney farxadi ka danbeyn.

Waxaan naftayda kula taliyey xilligan aan joogo inaan bal dib u baadigoobo jacaylkaygii hore ee wakhtigu na kala geeyey, waxaan dib u xasuustey hadalladiisii u danbeeyey ee uu lahaa maalmahii Muuse laygu khasbaayey “Waxaa adag sidaan qof danbe ula wadaagi lahaa xidhiidh jacayl maadaama oo aan kii horeba ku fashilmey”. Waxaan u xidhiidhin jirey si walaaltino leh isaguna wuu i xidhiidhin jirey. Laakiin sannadkii u danbeeyey war kama haynnin meel uu ku danbeeyey maadaama uu Hargeysa ka tagey hawl shaqo oo uu hayey darteed. Waxaan raacdeeyo sidaan xog uga heli lahaa Mooge waxaan ogaadey inuu joogo magaalada oo uu maalmo yar ka hor ku soo noqdey hawsha uu u yimidna ay ahayd inuu walaashii oo ka yarayd oo la soo doonay uu ka qayb qaato meherkeeda. Waxaan sidoo kale ogaadey in aanu guursan ee uu weli yahay kale, dabadeed waxaad mooddaaba inuu Jacayl danbe oo hor leh uu ku soo labakacleeyay qalbigayga maadaama oo aanu habeenna ka bixin maskaxdayda oo aan ahaa qof ku nool xusuusaha maalmahii quruxda badnaa ee aannu soo wada qaadanney, intaas ka dib waxaan go’aansadey inaan xidhiidhiyo Mooge.

Waxaan soo helay tirsiga telefoonkiisa gacanta maadaama uu kii hore ee aan ku aqaaney beddellay. Waa aanan garaacey si aan uga war helo xaaladdiisa iyo halka uu hadda ku nool yahay waxaana na dhex martey sheekadan xiisaha leh ee hoose:

“Salaamu calaykum” sidaas markii uu codkayga u maqley markiiba waxa uu xaqiiqsadey in qofka la hadlayaa ay tahay aniga dabadeed waxa uu ii celiyey.

“Calayku ma salaam, waxaan filayaa qofka illa hadlaaya inuu Mullaaxo tahay.”

“Haa walaal Mooge waa anigii, maxaad igu garatey?”

“Ma qof aan garan waayo ayaad taha. Waxa aan codkaaga maqlaayey muddo Afar sanno ku dhow oo xidhiidh ah markaa miyey suurtogalaysaa inaan ku garan waayaa?”

“Maya, waa wax aan suurtogaleyn, ka warran xaalkaaga Mooge iyo dhammaan xaafaddiiba?”

“Alxamdulillah waanu fiican nahay dhammaantayo ee idinku sided tihiin, ka warran xaafaddeennii, reerkaagii iyo Cabdiraxaan-yareba.”

“Dhammaan nimco adduun ayaanu ku jirnaa oo xaaladdayadu wey fiican tahay. Laakiin
hadda reer ma lihi oo waanigii ninkii kala tagney markaan is fahmi wayney.”

“Kala tagnayaa! Oo walaal xillima?”

“Dhawaan ayaanu kala tagney, oo reerka aan raalli ahaansho iyo jacayl lagu dhisin ma sii raago illaa mid Alle la damcey inuu sii jiro mooyee. Wuu naga goostey waxaana iigu danbaysey aniga oo xaamilo ah illaa hadda oo inankiisii sannad jirsadayna ma yaqaanno xataa ma oga wiil iyo gabadh waxa u dhashey. Dabadeed aabbo ayaan kala Hadley inaanu kala tagno isaguna wuu igu raacey waxaanu ii weydiiyey warqaddaydii. Sidaas ayaanu ku kala tagney Muuse. Hhaddana waxa aan joogaa gurigii waalidkey. Waxaanan wakhtiga ugu badan ku qaataa koolkoolinta wiilkayga si uu ii ilowsiiyo maalmo aad u kululaa oo aan soo marey isaga dartii.”

“Waa wax laga xumaado runtii Mullaaxooy in qoys la dhisey uu dhayal ku burburo. Waa laga fiican yahay oo waxaa qurux badan markasta in sidii lagu dhisay uu u xasilo si ay uga soo baxaan awlaad loo aayo mustaqbalka”

Hadalladdan markuu ilahaa aad ayaan u dhibsanaayey runtii oo waxaan ka filaayey inuu ku farxo inaan Muuse kala tagno oo aan hadda ka ahay xor. Is-xaal-waraysi ayuu jawiga habeenkaasi ku soo dhammaadey. Laakiin aniga waxa si xawli ah qalbigayga u buux dhaafiyey Jacayl ka culus kii hore oo waxaan ogaadey inuu xaalkayagu yahay isbeddel oo isagu markii hore sidaas ahaa anigana la igu danbeeyey oo aan hadda dareensanahay in aan ku jiro xaaladdii uu mar Mooge ku sugnaa aniga dartay, laakiin anan war ka haynnin. Si joogto ah ayaan u xidhiidhiyaa si aan maankiisa markale u hantiyo waxaan soo xasuusiyaa wakhtiyadii fiicnaa ee aanu soo wada qaadanney anaga oo markasta ku hamiyi jirney in ay mar uun dhici doonto in aanu noqono qoys ka mid ah qoysaska Islaamka ee caalamka ka jira si aanu u ahaanno laba nolosha ku mataannooba oo wada qaybsada dhibka iyo dheefta ay leedahay. Waxa uu maankiisu aad u daalac jirey sida aanu u leenahay xasuuso duug ah oo maalinba ta kale ka sii qurux badnayd. Waxaan si rasmiya u ogaadey muddadii aan hadda la hadlaayey Mooge In aanu aniga dabadey hawaysan haween kale sidii uu hore u ballan qaadey waxa uu si rasmi ah iigu tibaxayaa sida aanu marnaba diyaar ugu noqon in uu dabadey qof kale nolosha kula heshiiyo si uu ula midoobo. Waxa uu hadalladiisa ka mid ahaa kuwan soo socda oo sii kordhiyey rejadii aan ka qabey inuu soo laabto Mooge.

“Mullaaxooy waxaad iga maqnayd muddo ku siman laba sanno maalmahii layga kaa dhacayna waxay ii ahayd maalmahii u madoobaa ee noloshayda soo mara. Haddana waxaan go’aan ku gaadhey inaan naftayda wax u kordhiyo se anan dabadaa qof kale aamminin, jacaylkana waxaan ka qaadey sas ah in aanu jirinba fursad aan ugu guulaysan karo qof aan jecalahay markii aan ku waayey ka dib. Waana sababta illaa hadda aanan habeenna isugu hawlin inaan helo qof kale oo ii kaa beddella, waxanan nafta ku qanciyaa in ay sabab la’aan ku iman doonto qofkii Alle ii qoray waa haddii uu ii qoraybee markaasna ay mudan tahay inaan jeclaado oo u samo falo si aanu u wada qaadanno nolol ay raalli ahaansho sal u tahay.”

Waxa aan u celiyey, “Mooge noloshu way gedgeddoon badan tahay. Mararka qaar waxay ku siinaysaa fursad aad ku guulaysan karto marar kale waxay kuu soo bandhigaysaa mid aney sinaba suurtogal u ahayn inaad guulaysto oo aadd gaadho halkaad rabtey. Waana sunnaha kowniga ah ee uu Alle SWT ugu tallo galay caalamkan aynu ku nool nahay, in aanad iskuma hawlin helitaanka qof kale oo aniga ii kaa beddesha waa ballan aad qaaddey xilligii layna kala geeyey ee ay suurtoobi waydey in aynu nolosha adduun ku midowno. Laftaydu labadaas sanno waxaan ku noolaa nolol anan sinaba raalli uga ahayn oo ay wehel ii ahaayeen afarta gidaar ee is eegaaya ee qolka aan seexan jirey. Waxa aan ku jirey nolol haddii xataa illaa cagahayga dahab la sudho ay adkayd raalli ahaanshaheedu. Waayo may ahayn mid aan doortey ee waa la ila jeclaadey ka dibna laygu khasbey. Waxaan se mar kasta Alle weydiisan jirey in aanu Muuse mar dambe isku kaaya soo celin oo aney indhahayagu is qaban, si aan ugu noolaado nolol ugu yaraan aan xorriyad dareemaayo. Illahayna waxa uu iga aqbaley ducadii mar dambena indhahaygu may qaban waxanan Alle ugu mahad-celiyaa markasta inuu iga furdaamiyey oo uu iga dhigey mid xorriyad ka qaadata noloshii ay hiiftay.”

Waxa aad moodaysaa maalinba midda kaa dambaysa in aanu sii kordhinaynno xawaaraha aanu isagu soo dhawaanaynno. Waxaa sidoo kale ii muuqatey sida aanu marnaba qalbigiisa uga maydhmin kalgacaylkii rasmiga ahaa ee aanu soo wada gardaadinny muddo sannado ka hor ah. Waxaan aad u jeclaysanayaa la-hadalkiisa iyo ag-dhawaanshahiisaba. Waayo waxaa laabtayda si xawli ah uga guuxaaya Jacaylka iyo xiisaha faraha ka baxey ee aan laabta ugu hayo. Waxaa si aad ah maskaxdayda ugu soo dhacaysa oo aan mar kasta ka fikiraa midowgayaga iyo sidaan mar kale ugu dhawaan lahaa Mooge. Isaga laftiisu maaha qof iga fog ee waxa uu weli u nugul yahay dareenkii naga dhaxeeyey waayo waayo ee aannu soo wada gardaadinney.

Waxay maalmuhu is guraan habeennaduna is daba socdaan anaguna u nahay kuwo isku soo dhawanaya marba marka ka danbaysa, hadda waxaanu nahay kuwo si cusub u wada jilaaya dareen xasaasi ah oo u muuqda inuu guulaysan doonno, oo uu noqon doonno mid waara oo aan dib ula kulmin dhib iyo carqalado kale illaa wax amar Alle ku socda mooyee. Waxaan dareensanahay nolosha quruxdeeda markaad haysato qof kuu nugul oo ku barbar taagan isla markaana ku jecel oo aan cid kale kugu doorsan karin meel kalena kaaga hanqal taagi karin.

Waxaanu wada soconnaba waa habeen kale oo xasuus leh qiimo badanna noogu fadhiya isla markaana galey buuggayaga xasuus-qorka ee aannu ku xafidno maalmaha na soo maray dhacdooyinka ay wataan ee kala duwan. Waa habeen Jimce ah waxaan ku war helay telefoonkayga dhacaaya ee i kor yaalla, waan qabtey qofka illa hadlayaana waa Mooge. Waxoogaa markii aanu wada hadlayney ee is-xaal-waraysi dhammaadey waxa uu Mooge ii sheegay inuu caawa wato dalab kale rabana inaan ka aqbalo oo aan meeleeyo waxaanu yidhi, “Mullaaxooy waxaynu ahayn kuwo la kala fogeeyey oo wakhtiga iyo waayaha inagu hareeraysan ayaa inaga hiiliyey oo nasiibku waxa uu inannimadaadii ku beegay qof kale.
Haddana waxaad tahay Hooyo, iyada oo ay intaas oo dhammi jiraan haddana waan ku jecelahay oo waxaan kuu hurayaa naftayda oo dhan si aad adigu farxad ugu noolaato isla markaana u noqoto raalli. Caawa waxaan wataa dalab kale oo aan rejaynaayo inuu kaa farxiyo anigana noloshayda dhammaystirro kaas oo ah inaynu hadda noqonno kuwo nolosha ku mataanooba (Waxaan rabaa inaan ku guursado).”

Guur aa! Waxa aan ka soo kacay gogoshii aan ku jiifay aniga oo aan is ogeyn oo isla maqan. Waxaana dhabannadayda markiiba dul hogotey ilmo aan garan waayey meel ay igu sii sugaysey. Waan se farxad ilmaynaayey oo waxaan mafsuud ku ahaa inaan mar kale Mooge hantiyey isaguna uu rabo inaan nolol-wadaag noqonno iskana illowno wax kasta oo na soo marey si aanu u wada qaadanno nolol aan sii qiyaastey, dabadeed waxaan ku celiyey, “Mooge waan ku faraxsanahay inaynu noqonno laba dib isu hantiyey. Waana wakhtiga iyo amar Alle oo is kaashadey. Haddana waxa aan diyaar u ahay inaan noqdo xaaskaaga si aan kuula wadaago quruxda nolosha iyo farxaddeedaba.”

Hadalkaygu waxa uu farxad geliyey qalbi u oomman inuu maqlo aniguna waa mid aan ugu talo galey inaan kaga farxiyo oo dalab kasta oo iiga yimaadda aan aqbalo, si aanu u midowno oo u wada nolaanno.

“Waa si wacan Mullaaxooy waana waxaan kaa filanaayey. Waxa aad ku bushaaraysataa inaan weligaa garabkaaga ahaan doono, saxan wax kugula cuni doonno oo aanan seexan doonin illaa aad adigu seexato. Waxaan noqon mid aad ku faraxdo oo aad agtiisa ka hesho wax kasta oo naftaadu raalli ka tahay.”

Maalmo yar ka dib waxaa la iga soo doonay reerkayagii, iyaga oo si sharaf iyo milgo leh ii siiyey Mooge iiguna duceeyay in Alle SWT reerkayagaas ka dhigo mid barakaysan oo soo saara ubad qiimo leh oo loo aayo mustaqbalka. Dareenka aanu dib ugu midowney annaga oo hore na loo kala geeyey halkuu gaadhiisan yahay ayey kula tahay akhriste? Maaha mid la dareemi karo oo haddaan is idhaahdo soo tebi waa mid anan sinaba uga warrami karin haddii aan maanta oo dhan kuu sheekeeyana aynaan ka geyoonaynnin.

Jacaylku waa dareen qurxiya nolosha gebi ahaanteed, waa dareen haddii lagu midoobo iftiimiya dariiq kasta oo loo maro nolol guuli hadhaysey. Waxaanu wakhtigan ku wada nool nahay raynrayn, is-tixgalin, isu naxariisasho, iska-warhayn iyo inaanu dhadhaminney hayaankii samirkayaga kaas oo noo hirgaliyey inaannu aragno anaga oo qoys ah oo isku faraxsan, noloshana u wada qaadanaynna sida ugu wanaagsan. Waxa keliya een ogsoonahay wakhtigan ayaa ah in dunida dadka ku nool oo dhan haddii laysu geeyo oo hal qof laga dhigo oo Mooge la barbardhigo in aanan marnaba ku doorsanaynnin caalamkaan la isu geeyey ee uu iiga qaalisan yihiin isaga iyo la noolaanshahiisu. Waxaa suurtogal ah in dad badan ay is weydiinayaan waxa uu dheer yahay qayrkii laakiin iyagu war kama hayaan waxa laabtayda jiifa ee uu kalgacaylkiisu sababta u yahay. Nolol baanu ku nool nahay aan aamminsanahay in anay jirin lammaane ku nool caalamkan aynu ku guud nool nahay. Taas oo saldhiggeedu yahay raalli ahaansho iyo kalsooni dheeraad ah oonu isku qabno aniga iyo saygayga Mooge.

Jidkii Halaagga

1

Kenadiid waa wiil dhallinyaro ah oo taagan wakhtigii ugu wanaagsanaa ee uu ka faa’iidayn lahaa muruqiisa iyo maskaxdiisaba, waxa uu ka mid yahay boqolaal ardey oo sannadkan ka qalin fulley mid ka mid ah Jaamacaddaha ku yaalla magaalo madaxda Jamuuriyadda Somaliland ee Hargeysa. Waxuu darsey oo bartey cilmiga dhaqaalaha ama afka qalaad lagu yidhaahdo (Economics). Waayahii waxbarasho ee usoo taxnaa dhawr iyo tobanka sanno waxuu ahaa mid sida shamaca uga dhex iftiima dhammaan ardeydii ay wax soo wadda barteen. Waxuu ku tilmaannaa ardey aan laga waayin kaalaha sare ee hadba fasalka uu dhiganaayo, taasi waxaa u sii dheeraa dhaqan wanaag, akhlaaq, karti, debecsanaan, naxariis iyo kalgacayl uu dadka badankiisa kula dhaqmi jirey. Waxuu waligiiba ku hammiyi jiray inuu kobciyo oo kaalin galiyo qoyska uu ka dhashey oo dan yar ahaa dhaqaale badan oo ku fillanna aan lahayn.

Aabbahii waxuu xaqii u yimmi aamintii uu Jaamacadda uun galley ilaa haddana waxuu mootan yahay ku dhawaad Afar sanno, wakhtigaas uu Aaabbahii mootannaa isagaa Hooyadii iyo carruurtooda ka yaryarba u ahaa iftiin ay kaga gudbaan dhammaan carqaladdaha nolosha sababtuna waxay ahayd yaanu waxba siin oo aanu dhaqaale ku kabinne wuu oggaa oo ka war hayey xaaladda uu ku sugan yahay qoyskiisu. Waxaa hammigooda uguu weyni ahaa marka Kenadiid shaqo wacan hello ee uu caawiyo Hooyadood oo hadda ka adag nolol maalmeedkooda ay u baahan yahiin waxaad noqon doontaan qoys isku fillan oo nolosha u qaata si quman, helanna waxyaabo badan oo asaasiya oo hadda ka dhimman.

Hooyo Caasha waa maamada dhashay Kenadiid iyo Afar carruur ah oo ka yaryar oo laba ka mid ahi wali anney agoonnimadii ka bixin. Waa Hooyo Alle swt karti ku manaystey oo u dhalatey dhabar adayg ay ku waajahdo dhibaatooyinka wakhtigu soo bandhiggaayo ee ku xeeran nolosheeda iyo midda ubadkeedaba. Waxa ay hiirta hore u kalahdaa suuqa si ay u soo shaqayso waxii ay quuddan lahaayeen, xidhan lahaayeen waxna ku barrannayeen. Waxay suuqa ku leedahay meherad lagu iibiyo khudaarta kala duwan ee aynu cunno. Subaxa hore ayey kacdaa si ay u gudato waajibaadkii Alle uu saaray oo ay ugu horayso tukashadda Salaadda subax. Waxay wadda toosisaa dhammaan carruurteeda si intii rag ahina ay masaajidka jamaca u gaadhaan, intii hablo ahina ay u kacaan oo marka ay salaadda tukadaan u diyaar garoobaan sidii ay quraacda u samaysan lahaayeen. Marka ay salaadda sidaas uga salaamo naqsato waxa ay wajiga saartaa dhinacii suuqu ka xigey si ay u sii diyaariso khudaartii ay maalintaas iibin lahayd ka hor inta aanu kolayga suuqu soo gaadhin ama Hooyooyinka kale suuqa u soo adeeg doonan.

Kenadiid afartooda carruurtaa Cabdiraxmaan iyo Cabdilaahi isaga ayey soo xigeen da’ ahaan, Mabsuud ayaa Iyana ah qofka Afaraad halka Muxubo ay ugu yarayd dugsigana fasalka shanaad ay maraysey. Dhammaantood awlaad Alle swt hanuuniyey ayey ahaayeen oo aan dhib lahayn ilaa dheef mooyaane. Hooyadoodna la dedaala oo caawiya si ay ugu dhiirato inney shaqayso. Kenadiid afartaa sanno ee uu Jaamacadda dhiganaayey waxaa u kufaa kacaysey Hooyadii si ay mar uun u aragto inankeedii oon qayrkii ka hoosayn. Waxa ay habeen kasta xaddi lacag ah ku kordhin jirtey oo ay sanduuq gooniya u samaysatey si aanu Kenadiid iyo dhammaan carruurteeda kaleba anney cid kale u daba fadhiisan oo anney qarashka waxbarashada iyo nususaacahoodaba u raadin, waxay dhabarka u ridatey in anney ubadkeedu qayrkood eegin waxa ay haystaan marka ay iyagu waayaan.

Muddo saddex billood ku astaysan ayaa laga joogaa xilligii uu kenadiid ka baxay Jaamacadda ee la qabtey munaasibaddii qalinjabinta, habeen si fiican uma ladin hurdo subaxna hadalkeedaba daa sidii laamaha dawladda oo dhan iyo kuwa gaarka loo leeyahayba uu kolba mid u taagnaa ee uu u gaynaayey ama ka war doonaayey arjigiisa shaqo ee uu meel kasta geeyey walina wax shaqo ah ma hayo haba yaraatee. Maalina maalinta ka danbaysa wuu sii niyad jabaayey oo waxa uu oggaa inney jiraan laba carqaladdood oo waaweyn oo uu shaqo u heli la’ yahay isaga iyo in badan oo la mid ah kuwaas oo kala ah.

Waa ta koowaade, Inney aad u shaqayso qabyaaladdu oo nin kasta oo meel wax ka ahi uu kaliya jagooyinka shaqo uu siiyo mid ay wax isu yahiin oo ilmaadeer yahiin ama waji garasho loogu keenay taas oo sababatay ilaa inuu qof gacanta ku hayo mooyee in aanad shaqo ka helayn dhammaan laamaha waddanka ee lagu tuhmaayo inney shaqaalaysiiyaan dhallinyarada waddanka. Waxaa hubaal ah in anney shaqayneyn xirfaddaada aqoonneed eed wakhtiga, maalka iyo maskaxdaba ku bixisey lakiin uu si fiican u shaqaynaayo habka lagu qadhaabsado oday cumaamad sita, tanina Kenadiid way xidhay oo markaas si fiican uma garanayn qof qoyskooda ah oo ka mid ah madaxda waddanka.

Waa ta labaadde, in aanu waddanku lahayn dhaqaale ku fillan oo ay dhammaantood ardayda Jaamacaddaha ka soo baxdaa anney fursad u heli Karin in ay shaqeeyaan oo qof kastaaba shaqo xafiisaysan uu hello, tanina caqabad kale ayey ahayd oo xanibtey Kenadiid inuu hore shaqo u helo taas oo aanu markaas haysan dhaqaale uu isagu maalgalin ku samaysan karo waxa uu isagu kaligii leeyahay oo uu ka shaqaysto si uu nolosha sugaysa u dabaqo. Waxaa soo food saaray maalmo adag oo aanu qaarkood hurdo seexan oomatana quuddan siduu uga fikiraayey halkeed martaa iyo maxaad qabataa, inta dadku dhabanka dhulka ku hayaan isaga u walaac iyo walbahaar bay ahayd waxa kaliya ee maskaxdiisa ku soo hadba ku soo celcelinaysey waxuu ahaa inuu tahli kari waayey soo celinta xaqii Hooyadii ku lahayd iyadoo u soo kacaa kufaysey muddada intaas leeg ee uu wax soo baranaayey. Dhanka kale Hooyo Caashi waxay aad uga werwersanayd xaaladda inankeedu ku sugan yahay ee shaqo la’aaneed. Way waanin jirtey oo wacdi badan u marin jirtey iyada oo wax u tilmaamaysana waxay lahayd, “Hooyo Kenadiidoow nolosha adduun waa mid gadgaddoon badan oo noolaha lagu imtixamaayo si ay ugu samraan oo u ilaaliyaan jiritaankooda iyo inney Alle swt ku caabuddaan calool fayoobi iyaga oo markasta ka dalbanaaya inuu waxii khayr ugu jiro ugu kaalmeeyo si ay u xaqiijiyaan, waxii aan wanaag iyo khayr ugu jirinna ay ka taggaan oo ka tanaasulaan. Hooyo waan ogahay oo waxaad isku ciil kaanbinaysaa inaad hore u soo celin kari waydey xaqii aan kugu lahaa iyo maalgalintaydiiba, taasi waxay ka dhiggan tahay inaad gashay dedaal aan kala go’ lahayn ood ugu jirto rumaynta ahdaafta nololeed eed leedahay. Haddaba waxaad niyada ku haysaa in anney sinaba u dhici Karin inaan is waydiiyo sababta aad noo kafaalo qaadi waydey waayo waxaan arkaa xaaladda adage e naftaadu marayso si aad u hesho shaqo kugu fillan ee Hooyo waxay talladaydu tahay in aanad niyad jabin oonad rajo dhigin waayo niyad jabku waa illinka laga gallo maalmo guul darro hadhaysey ee Hooyo dedaal intaad awoodo adiga oon naftaada saarayn culays ka badan tankeeda iyo intey qaadi karto.”

Hadallada Hooyadii mararka qaar waxay sida dhanbiisha gubayeen nabar hafeefanaayey oo ahaa in aanu wali gudin xaqeedii oo aanu nasin, markale waxay u ahaayeen dhakhtar baanta nabarradaas waa marka ay dhiirigalinayso ee ay tusaysey in niyad jabku yahay waxa ugu xun ee nolosha bini’adamka saameeya, dabadeed waxuu ka helaayey shiidaal u shida nalka dunida oo uu hore ugu sii socdo si uu albaab kasta u garaaco oo uu ku tuhmaayey inuu wax ka korodhsan karo.

Waxaa maalmo kooban galley rajo ah inuu shaqo ka helo doono mid ka mid ah laamaha dawladda. Subax Arbaca ah ayuu u boqolley sidii uu u tagi lahaa halkii uu ku tuhmaayey inuu shaqo ka helo, nasiib darro se xaalku siduu moodaayey muu noqon oo waxuu arkaayey in anney waxba ka soo naasacaddeyn meeshan uu yimid. Arjigiisa shaqo raadinneed meel kasta wuu yaallaa oo uu ku rajaynaayey inuu wax camal ah ka hello. Maalmo ka hor ayaa loo soo sheegay in imtixaan loo gali doonno jagooyin ka banaannaa wasaaraddaha dalka oo ciddii ku soo baxdaa ay heli doonto boosaska banaan. Aad buu arinkaas ugu farxay isaga oo isku kalsoon waxaanu isu diyaariyey sidii uu halkaas guul uga soo hoyn lahaa. Waxuu diyaar garoobaba waxaa la gaadhay aamintii la gali lahaa imtixaankaas. Salaaddii subax goortii laga baxey ayuu cagta saaray laamiga si uu u gaadho goobtii loo cayimey inuu imtixaanka ku gali doonno, waxyar ka dib waxuu gaadhay halkuu u socdey dabadeed waxuu la kulmey dad aad u tiro badan oo iska soo xaadiriyey goobtii imtixaanka lagu gali lahaa, marba marka ka danbaysa way soo badanyeen iyagoo raxan raxan u socdana waxay ka soo galayeen ganjeelkii weynaa ee goobta lagu galaayey Imtixaanka.

Kenadiid waxuu aad ugu kalsoon yahay naftiisa iyo inney ku guulaysan karto imtixaankaas uu maanta u galaayo shaqada ilaa laba midkood mooyaane, waa midda horee in eex iyo nin jeclaysi lagaga saaro goobtuu mutaystey waana midda u badan ee hadda ka shaqeeya goobaheenna shaqo taas oon qofka loo eegayn aqoonta iyo xirfadda uu leeyahay ee nin kastaaba ninkiisa soo dhawaysanaayo. Waa midda labaade inuu qadarka Eebbe ku waayo, labadaba se wuu u diyaar garoobay inuu aqbalo waxuu se ku rajo waynaa inuu helo doonno imtixaanka uu shaqadaas u galley oo aad u fududaa dartii. Muddo bil ku dhow ayuu rajo ku noole ahaa oo ay maqnayd natiijadii imtixaankii uu galley, waxaa muddadaas ka dib la shaaciyey in laba cisho ka dib la soo dhajin doonno natiijadii iyo ciddii ku guulaysatay boosaskii banaannaa.

Waxaa Kenadiid ku sii batey su’aal madaxiisa wareerisay oo ahayd “Tolow maad heli?” waxuu sii sawirtey isagoo shaqo galley oo boqolaal rajo sii dhistey, waxuu sidoo kale isku dayaayey inuu diyaariyo anshaxii uu kula dhaqmi lahaa dadka jooga goobta uu u shaqo tagi doono hadii Alle ku simo. Waxaa la gaadhay aamintii la shaacin lahaa natiijada imtixaanka waxaanu goor horre iska xaadiriyey goobtii laga sheegi laa guulaystayaasha. Waxuu soo ordaba waxuu dul yimi oo dul istaagay meel daaqad ah oo shabag ka sareeyo boqolaal dhallinyaro ahina ku xoonsan yahiin, qaarkood waxaa ka muuqda niyadjab iyo daal faro badan kuwo kalena way isu hanbalyeynayaan oo laabta is galinayaan. Kenadiid waxuu qooransado laba warqaddood oo dadku aad ugu badnaayeenba waxuu quus la istaagey helitaanka magaciisii dabadeed waxuu xaqiiqsadey inney tanna tahay guuldarro kale oo soo foodsaartay.

Waxuu u fiirsadey dadkii la hanbalyeynaayey oo uu qaarkood gartey dabadeed waxay maskaxdiisu soo celisay oo dib ugu laabatey taariikh nololeedkooda, waxay garaadkiisa ka waynaadey inuu itixaankaas ku soo baxo wiil Bulxan la yidhaahdo oo uu si fiican u garanaayey. Bulxan iyo Kenadiid maalmo ayey kala danbeeyeen aamintii dugsiga la wadda qoray oo isku fasal ayey noqdeen, Bulxan ma ahayn dadka waxbarashada ku wanaagsan ee waxuu ku fiicnaa suuq meeraysiga iyo socodka xun een fiicnayn. Dugsiga hoose/dhexe waxuu ka baxay isagoo laba sanno hadhay oo Kenadiidna fasalkii labaad ee dugsiga sare yahay ka dib intaa waxii ka danbeeyey dib uguma noqon waxbarasho Jaamacad iyo dugsi sare toona, waxaa hadda se golaha deegaanka ee degmada Hargeisa ku jira adeerkii ruma waana sababta u weyn ee hadda uu shaqadan aanu aqoonta u lahayn uu u hellay.

Niyabjab heerkii u danbeeyey ayuu gaadhay waxaanu iska dhaadhiciyey in Bulxan iyo kuwa kale ee la midka ahi ay ku cidhiidhiyeen booskiisii shaqo ee uu aqoonta ku heli lahaa isla markaasna anney jirin cadaaladdii lagu kala haggi lahaa dhallinyaradii sugaysey natiijadii imtixaankii la galley. Waxuu nacayb u qaadey dadkan madaxda ah ee waddanka haysta een shaqo abuur sax ah u samaynin jiilkii soo kacaayey haddana ay ugu darreen cadaalad darro middii ugu weynayd ee ah nin jeclaysi iyo eex qaawan oon loo Aabbo yeelayn foolxunna loona dulqaadan karin isla markaana anney jirin cid kaaga garaabaysa oo aad u cabataa.

2

Sannadka billo ayaa raaca intii uu shaqo la’aa ee uu ka sokeeyey Jaamacadda, hadda quus ayuu ka taagan yahay sidii uu shaqo uga heli lahaa waddanka gudihiisa. Niyadjabka ku dhacey een qiyaasta lahayn waxaa ka darran qoyskii oo aanu waxba ku soo kordhinayn, waxuu sidoo kale dhibsadaa markuu arko nin aan waligii goob waxbarasho ka xaadirrin oo sida af soomaaliga loo akhriyo loona qoro bareefad yar ka bartey markuu subaxii u shaqo taggo shaqo aanu aqoonteedii lahayn. Kenadiid waxay xaaladda niyadjabka saxiib ku noqdeen Bacaluul oo isaguna dhibka shaqo la’aantu saamaysey.

Bacaluul waa arday ay Kenadiid mar ka wadda baxeen Jaamacadda oo isaguna darsey kuuliyadda maamulka iyo maaraynta ganacsiga qaybteeda xisaabaadka (Accounting). Waxay rafiiq ku noqdeen isaga iyo Kenadiid ku noqnoqoshada xafiisyada laamaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba si ay in uun u raadiyaan fursaddo banaan oo ay buuxiyaan, waxay se goob kasta kala kulmayeen hungo iyo in anney waxba uga bislayn iyaga. Wali rajo aan badnayn ayey qabaan inkasta ood moodo inney maalinba maalinta ka danbaysa ay ku sii hoobanayaan badweynta niyadjabka iyo quusta ee hareeraheeda ay buuxisey cabsida ay ka qabaan inney mustaqbalkooda dhisan kari waayaan.

Naftooda dhaliil kaliya ayey u hayaan taas oo ah inney barran waayeen xirfaddo kale oo ay maanta ku shaqaystaan, waxay ahayd inney farsamada gacanta ku dedaalaan barashadeeda si ay ugu noqoto isha kaliya ee ay iftiinsadaan madaama oo cilmigii ay soo barteen ku waayeen shaqo cadaaladda ku qotonta oon reer hebeli ku jirin. Qalbiyadooda duufaan baa ku kacsan dal naceyb ah taas oo ay maskaxdoodu qabatintey sida ay dhexdiisa cadaalad darrada ugala kulmeen, sida aan loo cisayneyn dhallinyarta waddanka usoo kacaysa ee noqon doonta madaxda baritoole, sida kuwii waddanka madaxda ka ahaa ugu horseedayaan bulshada inteeda kale cadaalad darro iyo musuq aan gabasho lahayn oo xadkooda dhaafay.

Waxay markasta maqlaan boqolaal dhallinyarro ah oo waddanka u soo kacaayey ayaa baddaha midhatareeniyaanku liqeen iyagoon u Aabbo yeelayn dabadeed maydadkooda soo tufaan oo bahalahu halkaas ku haaliggaan lafahoodana ka tagaan. Waxay iska dhaadhiciyeen inney si u saxsanaayeen madaama oon layskuba hawlayn ilaalintooda iyo dhaqaalayntooda si ay aroorta waddanka hoggamiyayaal uga noqdaan. Kalahaad badan, socod farro badan oo ay u kala gooshayeen meelo kala durugsan, niyadjab ay deris la noqdeen ka dib maalmahii u danbeeyey waxay ka wadda hadlayeen waxuu u badnaa Tahriib iyagoo markasta ka eegaayey dhinaca dhallinyartii ku badbaaddey tahriibta ee iyagu shaqaystey qoysaskoodiina wax soo tarray. Way iska indho tirayeen halaagga farraha badan ee ka danbeeya ee xataa dhimasho leh, waxay sidoo kale hilmaansanaayeen waalidiintooda aan haysan dhaqaale buurran oo ay kaga samato bixiyaan dhibta tahriibtu leedahay, waxay gabi ahaanba meesha ka saarreen hagardaamada soo gaadhi doonta waalidkoodu marka ay waayaan iyaga oo ay muddo badan ku soo tabcayeen.

Waxay maaliba ta kale u dhiibto oo ay ku dhex jiraan ka sheekaysiga ficilkaas dhibta iyo hagardaamada badanni ka soo gaadhayso, waxay ugu danbayn ku heshiiyeen inney ka haajiraan dhulkoodan ay cadaaladdu ka shaqayn waydey, waalid iyo walaalo jecel, asxaab ay is barteen oo tan iyo wakhtigii carruurnimo ay isku soo ag barbaarreen. Waxaas oo dhan ayey iska indho tirreen iyagoo diiradda saartey oo samaystey mala-awaal ah inney nolol wacan heli doonaan. Bacaluul iyo Kenadiid waxay isku garabsadeen oo ku heshiiyeen inney jidkaas dheer wadda maraan oo u badheedhaan dhib iyo dheefba. Waxay muddo ku hawlanaayeen sidey u heli lahaayeen khad ay magaalada kaga baxaan ugu danbayna way heleen. Waxay is helleen rag iyagu u dabaaba xidhan sidii ay dhallinyarta waddanka ugu saari lahaayeen oo ay ugu ban saari lahaayeen dhul iyo saxare kadeed iyo rafaad miidhan ah oo meel loo ciirsaddo anney jirin. Markii ay macluumaad kala qaateen shardigga kaliya ee lagu xidhay waxuu ahaa inuu midba laba sawir oo kur ah keenno, taas oo loo sheegay in lagu samayn doonno mustawaqe bug ah oo hadii xuduudka waddanka laga galaayo lagu qabto ay ku dhaafiyaan. Waxay sidoo kale xilligaas ogaadeen in wax hanti ah aan lagu xidhi doonin hadda lakiin si farsamaysan waddanka looga saraayo. Maalmo yar ka dib way keeneen labadii sawir waxaana loo sheegay aaminta la bixi doonno hadii Rabbi xukumo. Waxay xamaan uruursadaan oo hoostana uu kaga furan yahay caloolyow ah siday waalidkood iyo dadka jeceli ay u dhib mutaysan doonaan, haddana waxay nafta ku maaweelin jireen siddey wax usoo tari doonaan hadii Rabbi ku guuleeyo wadadaas dhibta badan ee ay u anba baxeen.

Waa maalin ka duwan maalmahii hore, waagga barigiisii hore ayey kolayaysteen oo waa subaxii ay ugu tallo galleon inney ka baxaan waddanka oo dhul shisheeye iyo waddo dhib badan u anba-baxaan. Bacaluul iyo Kenadiid way isku lug dareen iyaga oo wax saacad ka yar ku gaadhay goobtii ballantu ahayd ee ay ka raaci lahaayeen gaadiidkii ay magaalada kaga bixi lahayeen. Waa dhallinyar anney tiradoodu soddan qof ka badnayn oo rag iyo haweenba isugu jira. Dhammaantood waxay soogan yahiin qol yar oo meel qarsoodi ah ku yaalla, waxyar oon daqiiqado ka badnayn ayuu irridda gurigii ay ku huursanaayeen soo hor istaagay bas soddan iyo shan qaad ah oo sidday u idil yahiin lagu gurray. Dhaqaaji oo qardo jeex baabuurkii, muddo afar saacadood ku siman ayuu dhul buuro iyo banaan iskugu jira oo cidlo ciirsila ah jibaxaayey. Intaas ka dib waxay dhinaca koonfurreed ka soo galleen magaalo xuduuddeedka Wajaale oo ahayd magaaladii u horaysey ee ay tahriibta ku soo gaalaan.

Kenadiid iyo saaxiibkii Bacaluul waxay mararka qaar la noqonaysey riyo iyo wax mala-awaalkoodii wali ku dhisan. Waxay badannaa isku mashquulinayeen barashada dhulalka buuralayda ah ee anney hore u marin. Ninka baabuurka wadda iyo kuwa kale ee la saran ee hagayaa waxay si fiican iskula garanayeen wadooyinka ah boqolaalka waddo tuug ee ay magaalada dhexdeeda ku marayeen. Wax aan toban daqiiqo ka badnayn markay magaalada dhex socdeen ayaa meel cidlo ah oo cariish yari ka dhisan yahay lagu dajiyey oo baskii siddayna ka noqdey. Dadkii tirada badnaa ee tahriibayaasha ahaa waxaa lagu gurrey cariishkii yaraa dabadeed raggii waddey ayaa khudbad u jeediyey ku salaysan siday magaalada gudaheeda u gali doonaan iyaga oon laga shakiyin, xilliga ay bixi doonaan, cidda qaadi doonta iyo siday magaalada si dhuumasho ah ugaga bixi doonaan. Waxaa intaas dheeraa in qof kasta lagu amray in uu Mobil-kiisa gacanta ee uu sito iska bakhtiiyo si anney ehelladiisu usoo tixraacin muddo yar guudaheeda.

Dhanka kale waxaa la gaadhay salaaddii Duhur. Waa xilligii Kenadiid ku soo noqon jiray guriga markuu salaadda oo tukado si uu wax u cunno ka dibna u yara nasto. Hooyo caasha waxay quus ka qaadatay inuu inankeedii ku soo laabto guriga waayo mabay ahayn wax ay uga baratey maqnaanshiyaha intaas leeg iyo waliba Mobil-kiisii oo xidhan. Fajac iyo yaab ayey la kowsatay iyo wax anney hore u arkin oo ku cusub, waxaa durbadiiba saaqay walaac naxdin wata. Kenadiid iyo asxaabtii tirada badnayd ee la socotay waxay si tuugo ah qolaba mar u gasho magaaladii ugu danbayn way ku dhammaadeen oo way ka sii anba-baxeen goor salaaddii Casar laga baxay. Qardo jeexe markale oo wadada ay marayeen mid dhib badan ayey ahayd oon gaadhi iyo bini’adam toonna ka sanqadhayn kana dhaqaaqayn. Waxay sii guura galaanba waxay goor danbe gaadheen magaalada Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomaalida halkaas oo lagu aabudhay meelo tahriibayaasha u gooniya oo lagu xareeyo ilaa inta ay ka baxayaan magaladaas.

Muddo laba cisho ah ayey ku jireen halkaas oo loo qalqaalinaayey sidii ay ilaa xuduudkii Suudaan ku gaadhi lahaayeen. Qoysaskii ay Bacaluul iyo Kenadiid ka baxeenna inkasta oo anney is aqoonin haddana qolo kastaaba dhankeeda u ogaatay inuu tahriibay wiilkoodii. Qoyskii Kenadiid ee ka koobnaa Hooyo Caasha iyo walaalahii waxay u ahayd inuu dhinac dumay . Waxaa waaggu baryi jirey oo gabalku u dhici jiray iyaga oo qalbiyadoodu murugo iyo catow hadheeyeen oon raq iyo ruux midna haynin Kenadiid. Isaga laftiisu inta dadku hurdaan indho iskuma keenni jirin ee waxaa sida dharaarta ugu caddaa murugada iyo naxdinta is huwan ee uurka Hooyadii gubaayey. Ilmo ayuu hibo-tiqlaynaayey isaga oo isku arka mararka qaar qof la soo khalday haddana anney jirin meel uu ka laabto ee ay khasab ku tahay inuu hore usii socdo oo geeri iyo nolol labadaba u badheedho. Waxaa maankiisa buux dhaafiyey inuu dareemay inney hagradeen oo hiirtaanyo ku dilleen kuwii waddankiisa madaxda looga dhiggay, waxuu yaqiinsannaa oo ogaa in anney iyagu lahayn ee ay xoolahii dadwaynaha yahiin waxaas ay ku wadhwadheen ee babuurta iyo guryaha qaaligaa u hantiyeen. Wali dal iyo dad nacayb ayaa qalbigiisa ku sii fidaayey oo waxuu ogaadey inney iyagu masuul ka yahiin dhibta ay isaga iyo boqolaal dhallinyaro ah oo la mid ahi marayaan.

Safarkii tahriibta ee waayaha badnaa wuu sii socdey, waxay goor gabal dumay oo saq dhexe ah ay guure ku galleon waddanka Ethiopia. Halkaas oo muddo ay ku nagaadeen ku siman saddex cisho. Waxay dhuumalaysi iyo aqallo qarsoon ku jiraanba waxaa la gaadhay goortii loo xadhko xidhan lahaa wadadii ugu dhibta iyo qaxarka badnayd waana saxaraha u dhaxeeya xuduudka Ethiopia iyo waddanka Suudaan. Wali qofna ma hadhin dhallinyartii halkan iska raacday, marba marka ka danbaysa qariib ayey dhulka iyo dadkuba ku sii noqonayeen oo intoodii halkan iska raacday ayaa qoys noqotay dadkana iska dhawaystey. Intii aanu ka bixin Ethiopia ayaa uu Kenadiid go’aansadey inuu la hadlo Hooyadii iyo qoyskii quruxda badnaa ee uu ka tagay si ay u ogaadaan waxa uu ku suggan yahay iyo xaalkiisu halkuu ku danbeeyey.

Hooyo caasha iyada oo markaas uun soo rawaxday oo salaaddii Maqrib tukatay kuna tasbiixsanaysa saliggii yaraa ee ay ku tukanaysey ayuu Mobil-keedii gacanta oo ag yaallay soo dhacay kor bay usoo qaaday oo waxay aragtay inuu yahay tirsi aan waddanka gudihiisa ahayn, qabatay markiiba oo waxay garatay in qofka la hadlaaya ee “Hooyo, Hooyo” lehi uu yahay Kenadiid. Waxay tahli kari waydey inney hadalkii ku celiso oo u jawaabto Kenadiid oo “Hooyo illa hadal” ku celcelinaaya, goor danbe ayey tidhi “Hee Hooyo Kenadiidoow”, markaas ayey neeftii ka soo booday Kenadiid dabadeed waxuu u sheegay halkuu ku suggan yahay, xaalkiisa iyo marxaladdaha sugaaya ee uu rabo inuu cagta saaro. In badan waxay isku daydey inney ka dhaadhiciso sidi uu halkaas uu maraayo ugu joogsan lahaa wuu se ka dhaggo adaygay isaga oo markasta ugu hal celinaayey “Hooyo ii ducee, anba waan noolaan oo nolaashiinaan kafaallo qaaddi doonnaa ama waan dhimmane”. Halkii ayuu Hooyadii ku macasalaameeyey oo uu raacay jidkii dheeraa ee sugaayey.

Hooyadii hadalkiisii waxuu ku noqdey dhanbiilo iyo xanuun hor leh oo qalbigeeda holcinaayey. Waxay werwer ka qabtay nolosha inankeeda iyo inney dib isu arki doonaan oo u kulmi doonaan isagoo bad qaba.

Xuduudka waddanka Ethiopia aad baa loo adkeeyey iyadoo laga taxadaraayo inney ka gudbaan wax anney waddanka iyo madaxdiisu ogayn, waxyaabaha mamnuuca ah waxaa ka mid ah Tahriibta. Tuug tab uu ku baxsado ma waayee waxay mareen oo qardo jeexeen dhul iyo wadooyin loogu tallo galley in la mariyo dadkan tahriibaaya. Saxare kulayl, hanfi iyo xayawaan dad cun ahiba joogaan ayey dhex socdaan. Ma dareemi kartid baqdinta iyo naxdinta isa saran ee xataa dhulku u sanqadhaayey, qaarkood haraad iyo gaajo ayaa laayey, kuwo kale way socon kari waayeen oo way hadheen iyadoo la yaqiinsannaa inuu xayawaan cunni doonno haddana may lahayn awood ay inta fayoobi ku dul joogto inta hadhay.

Intii saxaraha lagu guddo jiray oo ahaa safar dhib badan qaatayna muddo afar maalmoood ah ayaa waxaa hadhay dhallinyar ku dhow toban qof oo dumar u badanaa. Xanuun darran iyo dareen argagax wata weeye marka qof aad wadda socoteen bahalaha iyo cadow u loogtid ood kaga tagtid lakiin mararka qaar nafta ayaa ku faraysa inaad ka tagto si aad taada u badbaadisid oo aydaan iskugu dul dhiman. Bacaluul oo ahaa saaxiibkii kaliya ee ay Kenadiid safarkan ku soo bahoobeen ayaa isagu ku sigtay inuu ka mid noqdo dhallintii ku hadhi gaadhay saxaraha, haraad ayuu luunku ku wareegay iyadoo gaajana u raacday oo ay ka daadagi waydey midhadhkii timirta ahaa ee uu sahayda u sitay. Intii uu ku sugnaa xaaladdaas adag waxaa aad ula tacaaley saaxiibkii Kenadiid oo markasta ku dhiirigalinaayey in aanu hadhin ee uu naftiisa ku khasbo inuu dhaqaaqo si halka ay doonayaan u gaadhaan hadii wadku daayo, Bacaluul waxuu naftiisa ku dirqinaayey inney soocto oo uu is tahbiibo si anney halkaas bahalahu hilibkiisa ugu haaligin.

Markii ay wakhti dheer guure ku jireen oo kontan saacaddood ku dhow ayaa waxay soo gaadheen raggii dadka af duuban jirey ee magafayaasha aynu u naqaanno dabadeed saacado gudahood ayey maxaabiis la haystayaal ah ku noqdeen. Markii ay habeen iyo maalin ku xidhnaayeen xeryo iyo godad ay boqolaal kale oo la mid ah ku abudhnaayeen ayaa rag iyo dumarba lagu khasbay inney la hadlaan ehelladoodii si lacag kumanaan dollar gaadhaysa oo maddax furasho ah loo waydiiyo. Ilaa maalintii ay ka soo baxeen Hargeysa iyo gobollada kale ee la midka ahba ilaa markii ay magafayaasha afka uga galleen hal mar lacag lama waydiin hadda ka horaysey hal sabab ayaana jirtey oo ahayd in ragga intaas soo wadday ay ahaayeen silsilad isku xidhan oo midba ka kale u gudbinaayey dhallinyaradaas laga qafaashay waddankoodii Hooyo.

“Dadka ku shaqaysta tahriibinta ee waddanka gudahiisa ka uruuriya ubaxii usoo kici lahaa waa danbiilayaal qaran oo anney dawladu waxba ka qaban, shaqo la’aantii haysey dhallinyarta waddanka waxaa u raacay magafayaashan maskaxdooda jahawareersan ka faa’iidaysanaaya kuna talaalaaya xanuun dal iyo dad nacayb la yidhaahdo oo aakhiritaanka sababi kara dhimasho iyo halaag nafeed”

Markii qof kastaaba la hadlay waalidkii ee aay u sheegeen xaalaaddooda iyo sida raggaas haystaa u garteen ayaa sidii caadada ahayd waalid kastaaba u tafo xaytey sidii uu ilmahiisa masiibaddu halkaas gaysey uga samata bixin lahaa. Qaarkood waa kuwo dirqi ku hela saddexda wakhti ee ay quudanayaan sida qoyska Kenadiid, kuwo kalana mararka qaarkood dabkaba ma shitaan oo nolosha adduunyo waa ku cakirran tahay sida qoyska Bacaluul ka soo tahriibay. Inta kale ee goobtaas lagu haystaana xaaladda qoysaskoodii ay ka yimaadeen sidaas kor ku xusan ma dhammaan. Kenadiid Hooyadii Caasha waxaa ku ciirtay tallo, waxay garan waydey cid ay miciin biddo oo ay wax waydiisato si ay u badbaadiso inankeedan la haystaha noqdey. Isaga laftiisu wuu ogyahay in anney jirin il dhaqaale oo lacagta intaas leegi ka soo bixi karto si uu isagu uga baxo dhibta haysata dabadeed waxuu qaatay go’aan aad u darran oo dhibtiisa iyo cabsidiisa wata oo ahaa inuu isagu keeno qorshe uu meesha kaga baxsado oo uu kaga badbaado dhibtan kala soo gudboonaatey socdaalki tahriibta ee uu ku guddo jiray.

Ragga ay u af duuban yahiin ee haystaa waxay u badan yahiin soodaan nin kastaaba leeg yahay labba nin oo Soomaali ah oo laysku daray, aad bey u quwad waynaayeen oo u dhaadheerayeen qofka arkana cabsi ayaa markiiba sulaaqaysey. Kenadiid raggii haystey ayuu mid ka mid ah la heshiiyey, heshiis sii dayneed maahee waxuu si fiican u yaqaanney luuqadda Carabida oo uu had iyo jeer kula sheekaysan jiray intuu ilaalinaayo. Maalintii danbe ayuu ka codsadey inuu Mobil-kiisa gacanta u yara dhiibo si uu ula hadlo Hooyadii, waxuu ka ogolaadey inuu labba daqiiqo oo kaliya kula hadlo ka badan se aanu ogolayn. Wuu la Hadley Hooyadii waxaanu ku yidhi “Hooyo xaaladdaydu way fiican tahay wax dhib ahinna hadda ima hayso, waan ogahay in lacagta intaas leeg ee lagu waydiiyey anney suurtogal ahayn bixinteedu ee Hooyo wakhtiga aan kula hadlayana waa lay xadiday waxaad se yeeshaa lacagtaas raadinteeda iyo bixiteeda toona haysku hawlin, hadii ay kula soo hadlaanna u sheeg inaad soo waddo ood soo dirayso maalmaha soo socda aniguna meeshan anigaa ka baxaaya ee werwer la’ow Hooyo inna soo ducee in anney waxba I yeelin dadkaas I haysta een u xanibanahay.”

Markuu intaas ka gaadhsiiyey ee anney wali jawaab u celin Hooyadii ayuu dhiggay Mobil-kii uu gacanta ku hayey waayo waxuu arkay ninkii u dhiibay oo xaggiisa u soo socda ka dibna wuu siiyey isagoo u mahad celinaaya. Bacaluul oo ahaa saaxiibkiisii ay jidkaa dheer soo wadda mareen ayuu u so bandhiggay qorshe ah inney meeshan ka baxsadaan, aad buu Bacaluul uga soo horjeedsadey saxiibkii Kenadiid isagoo u iftiiminaaya khatarta dhimashada wadata ee ku gaddaaman qorshahiisa. Markii uu ka diiday ayuu ka fikiray qof kale oo qorshahaas ay wadda galaan dabadeed markale waxuu u bandhiggay Samaale oo isaguna ka mid ahaa dhallintii ay mudada isku jidka soo ahaayeen, Samaale-na werwer badan oo ku furnaa dartii waxuu isku biimeeyey qorshahaas khatarta ah ee uu Kenadiid usoo bandhiggay.

Meesha ay ku jireen waxay ahayd deyr weyn oo leh labba albaab oo waaweyn iyo saddex yaryar oo laga baxo lagana soo gallo. Waxaa dhammaantii ku hareeraysnaa ciidan qoryo sita oo qaarkoodna deyrka dibadiisa joogeen, kuwo kalena albaabada ilaalo u ahaayeen halka in kalena ay ku dhex jireen tahriibayaasha oo dhex seexan jireen si ay u kala ilaaliyaan. Raggaas dhex jooga ee ciidanka ah waxaa agtooda caadi ka ahayd inney hablaha tahriibayaasha ah faro xumeeyaan iyagoon u Aabbo yeelayn qaylada iyo oohinta indhahooda ka qubanaysa. Waa dareen gilgilaaya qalbiga qofka ag jooga ama u muuqdo ficilka noocaas ahi lakiin ninka ka hadla xabbad ayey ku qaboojin jireen, waa dareen xanuun kulul oo aanu qofna ka jawaabi Karin isagoo jawaab la’aantaasi ku badbaadinaaya naftiisa. Dhammaantood arxan laawayaal ayey ahaayeen rasaasta ay dadka ku furayaan anney waxba la ahayn.

Waxaa deyrkaas ay dhex joogeen ka dhisnaa taandhooyin yaryar oo sidii cariishka loo sameeyey loona hoydo. Deyrku guudka sare wuu ka banaan yahay oo ma laha wax hadheeya maalin oo dhan cadceeda ayaa ku garaacda habeenkiina dhaxanta. Muu lahayn galdaloolooyin badan oo dadku ka bixi karaan waayo waa meel aad loo adkeeyey oo loogu tallo galey in ay maxabiis ku ahaadaan inta la madax furanaayo.

Qorshaha ay Kenadiid iyo Samaale rabaan inney kaga baxaan meesha waxuu u dhignaa sidan; deyrka waxaa dhex yaalley salaan waxoogaa leeg oo ay iyagu keensadeen kuna ilaabeen meesha. Xilliga habeenkii gaar ahaan marka ay labba iyo tobanka habeennimo dhaafto ilaalada goobtu way yaraataa oo askarta badankoodu siiba inta dhex joogta iyo kuwa albaabada ilaalinayaaba qof qof kaliya ayaa ka soo hadha halka inta kalana ay iska seexdaan. Halkaas ayey ahayd fursadda ugu weyn ee ay haysteen, waxay ku tashadeen inney salaanka deyrka saaraan oo ay deyrka ku koraan xagga kalana uga dhacaan dabadeed ay sidaas duurka ku galaan. Habeenkii ballanku ahaa ayey isu soo dhawaadeen iyagoo ag jiifsadey halkii salaanku yaallay agtiisa. Waxay mataleen sidii kuwo fiid seexanaaya oo anney kaba qasnayn, waxa ay ku seexdeen kabahii ay meesha ku soo galleen iyagoo aad u adkaystey kuna tallo galley baxsasho iyo orod faro badan.

Markii sanqadhu duntey ee ay arki waayeen wax dhaqaaqaaya ayey aad yar ka dhex kaceen salaankiina gidaarka deyrka ku tiiriyeen si ay ugu koraan. Saddex ciidanka ka mid ah oo hubaysan ayaa albaab aan aad uga fogayn fadhiya oo isku mashquulsan, dhammaan albabaada kale ee deyrkuna way wadda xidhnaayeen. Markii ay ku tiiriyeen ayaa waxa hor koray Kenadiid ilaa uu si bilaa sanqadh ah ku gaadhay dusha sare ee salaanka dabadeed waxaa ka soo daba koray Samaale si uu saaxiibkii u badhi taaro oo uu deyrka dushiisa u koro. Kenadiid muddo yar gudaheeda ayuu korka kaga istaagay seeskii sare ee deyrka. Markiiba waxuu eegay hoostiisa oo waxuu arkey in anney ilaalo joogin, dhulka ka hooseeyana burciid yahay oo aanu waxba yeelayn hadii uu ka shalwado. Samaale ayuu gacanta u fidiyey si uu u soo caawiyo oo isaguna figta sare ee deyrka u yimaado. Nasiib darro se gacantuu sidaas u soo qabtey iyo rasaasta wadda socota ee Samaale lugta kaga dhacdey ayuu Kenadiid ku war helay. Intii anney soo gaadhin tii lagu soo ganay ayuu deyrka dhinaciisa kale iska shubay oo beerka daray camuuddii ka hoosaysay, markiiba isa dhiganne cagaha ayuu wax ka deyey iyagiina way soo eryadeen oo cagta ayey cagta u saareen iyagoo qoryo degta ku sita. Waxay ahaayeen rag laxaad iyo quwad u dhashay oon orodka ku fiicnayn lakiin si halis ah u taba-baran. Waa saq dhexe meesha uu Kenadiid xulayaana waa keyn weyn oo baqdintu hadhaysey oo dabaysha caleemaha ruxaysaa kugu abuurayso cabsi aan xuduud lahayn, waxa se intaas oo dhan kaga daran raggan hubaysan ee sanqadha kabahoodu soo baxayso ee dareenka argagaxa wata abuuraaya.

Waxuu ordaba waxuu dareemay inuu tamar gabay oo aanu lahayna awood uu ku sii firdhan karo si uu raggaas uga baxsado. Siduu u rooraayey ayuu arkay god qarsoodi ah oo meel geed hoostii ah ku yaalla dabadeed waxuu markiiba go’aansadey inuu halkaas galo oo uu raggan eryanaaya kaga badbaado kuna nasto, haddana waxuu markiiba ka fikirey armuu bahalo galleen yahay godku. Ugu danbayn wuu galley waxbana kalamuu kulmin, wax aan dhammayn labba daqiiqo kolkuu ku jirey ayey soo dul mareen iyagoo rooraaya oo qoryahoodii sita. Waa saddexdii nin ee fadhiyey albaabka dhaawacayna saaxiibkii Samaale.

Waxoogaa goortii ay maqnaayeen ayey soo laabteen saddexdoodiiba iyagoo faro madhan, waxay mar kale soo dul mareen godkii uu Kenadiid ku dhuumanaayey iyagoo isku lahaa waaggu markuu baryo ayeynu raadkiisa raacaynaa oo soo qaban doonnaa. Markii ay ka libdheen ee ay dhaafeen ayuu godkii ka soo baxay dabadeed waxuu aad uga baqay meeshan madow haddana waxaa kala weynayd cabsida ka haysey inuu waaggu halkaas ugu baryo oo ay helaan raggii uu ka soo firdhadey. Waxuu soo guureeyaba oo uu ka baydho meel kasta oo uu ku tuhmaayey magafayaal kale goor waagga barigiisii ku dhow ayuu ku soo dhawaadey magaalo iftiinkeed, ma garanaayo meel ay tahay waxuu se mala-awaalkiisa saartay inuu Suudaan hadda soo gaadhey. Wuu socdey oo magaaladii ayuu soo dhex galay dabadeed Soomaali meel degan ayuu nasiibku ku soo hagaajiyey oo uu u soo galay.

Markii ay arkeen sida darayadu korkiisa uga muuqato ayey caawiyeen oo siiyeen meel uu ku maydho, wax uu cunno iyo meel uu seexdo oo muddo ku nasto. Kolkii uu soo Kacey ayey damceen inney waraystaan isaguna waxuu naftiisa go’aan kula gaadhay in aanu waxba u sheegin ee uu kaga baxo uun in uu magaalada joogay maalmo cidna aanu ka garanayn kana soo lumay asxaab badan oo uu la socdey iyo meeshii doonta laga raacaayey. Waxuu sidoo kale ka codsadey inney mobil u dhiibaan uu ka garaaco qaar ka id ah ehelladiisii, wayna ka ogolaadeen. Markiiba Hooyadii ayuu la soo Hadley isagoo ugu bushaaraynaaya inuu ka soo firdhadey meeshii lagu haystay ee lacagta badan lagaga doonaayey haddana xaaladdiisu fiican tahay oo uu dhex joogo waddanka Suudaan, waxuu sidoo kale u sheegay inuu goor dhow taggi doonno goobtii doonta laga raacaayey ragga joogana uu wakhti la qaato si uu dantiisa uga fushado. Farxada ayey ilmaysey Hooyadii madaama inankeedii caafimaad qabo oo Alle swt ka soo furdaamiyey raggii haystay.

Reerkii uu maalintaas la joogay nin ka mid ah ayaa kaxeeyey oo geeyey halkii doomaha tahriibayaashu ka baxayeen, markii uu tusay wuu iskaga soo noqdey waxaanu raggii doomaha raraayey waydiiyey lacagta ay halkan tahriibayaasha kaga qaadaan si ay u saaraan doomahaas yaryar ee dadka lagu daad gureeyo, way u sheegeen dabadeed mar labaad lacagtii inuu Hooyadii waydiiyo way u cuntami waydey. Inkasta oo ay tii hore in badan ka yar tahay haddana waxuu oggaa jeebka Hooyadii waxa ku jira iyo in ay dhib ku noqonayso helitaanka lacagtaasi. Markiiba go’aan kale ayuu gaadhay madaama uu luuqaddii si fiicna u garanaayo kaas oo ahaa inuu mudo halkaas ku qaato si uu ula heshiiyo dadka jooga goobtaas.

Waxuu la joogay mudo labba billood ku dhow isagoo si bilaash ah xooggiisa ugu shaqayn jiray, hadday noqoto inuu u kala turjumo Soomaalida iyo Suudaaniyiinta, inuu u soo iibiyo shaaha iyo hadba waxii kale ee ay magaalada uga baahdaan, u qoro oo u tiro kobo tirada hadba doomaha raacaysa. Ugu danbayn waxuu kasbadey qalbigooda illaa uu ka dhaadhiciyey inney si bilaash ah doonta ku saaraan oo u tahriibiyaan. Waxay ku xidheen lacag yar oo aan shan boqol oo dollar dhammayn oo ay siiyaan mukhalaska doonta uu raacaayo wadda, intaasna Hooyadii ayaa usoo dirtay.

Waxuu raacay doontii isagoo markasta Alle swt ugu mahad celinaayey siduu uga soo badbaadiyey jidkii halaagga ee dhibta badnaa, waxuu sidoo kale Alle waydiisanaayey inuu ku nabad yeelo doontaas yare e uu raacay ee biyaha dul sabaynaysa. Mudo laba habeen iyo maalin ku siman ayey biyaha guudkooda dul socdeen iyagoo wadnaha farta ku haya. Markii ay usoo ddhawaadeen xuduudda waddanka Jarmalka ayey si kadis ah u arkeen doon kale oo tooda ay wataan ka yar kanna xamuul badan oo janjeedhsatay kuna dhow inney qalibanto. Wax ka yar shan daqiiqo ayey dhinaca kale isu rogtay oo dadkii saarnaa dhammaantood ay biyahii cuskadeen, markiiba qaylada ayaa yeedhay oo I badbaadiya ayey isku dareen lakiin maciin ma jiro aan Illahay ka ahayn iyo biyaha ay badhtama ugu jiraan ee dili doona hadii annu Alle ciidamadiisa u soo dirin.

Kenadiid iyo asxaabtii tirada badnayd ee doonta badbaadey saarnaa aad ayuu dareenkoodii isu badalay, waxay waxba u qaban kari waayeen dad badan oo diin, dub iyo dhaqanba ay wadaagaan oo hortooda biyo ku qarqamay kuna dhimanaaya iyagoo arkaaya. Dhacdadaas xanuunka badan gadaasheed waxay gaadheen goob xuduud ah oo ay doontii kaga dageen, waxaa markiiba gacanta ku dhigay dawladdii waddankaas ka talinaysey oo inta ay badankooda faro ka qaadeen xeryaha qaxoontiga ku guray. Nasiib wanaag Kenadiid ma ahayn dadkii farahaas laga qaadey ee wuu ka baxsadey oo magaalada ayuu galley. Qoysas Soomaali ah oo meel degen ayaa caawiyey oo uu ku ilbaxay intuu uu ku sugnaa. Tallaabo kasta oo uu qaado Hooyadii ayuu u sheegi jiray isagoo markasta xasuusinaayey inney u ducayso.

Mudo sannad ku dhow goortii uu joogay ee uu magaaladii si fiican u kala bartey ayuu raadiyey khad kale oo uu kaga baxo, ugu danbayna wuu ka baxay waxaanu ka soo jeedsadey waddanka Sweden oo uu helay dhalashadiisii markii uu in badan joogay. Hooyadii iyo reerkooda intiisa kale waxuu noqdey mid anfacay oo wax badan u qabtey. Xilliyada uu se ka sheekaynaayo jidkii halaagga iyo wadooyinkii khatarta ahaa ee uu u badheedhay isma odhanaysid wuu noolanaya iyo dib ayuu adduunka u sii joogi doonaa midna. Waad qiiroonaysa oo qalbiga waxaa kaaga abuurmaaya dareen ku odhanaaya ha ka tagin dhulkaaga Hooyo si aad uga badbaadid khataraha ku gaddaaman tahriibta.

Warsan

1

Waris iyo Warmooge waxay ku heshiiyeen inney nolosha wadaagaan oo dhib iyo dheefba wada qaybsadaan, wada qaddaan ama wada dhargaan intey ku gudo jiraan nolosha sugaysa ee ay ku heshiiyeen lamaanahani. Xaladda waddanku ku sugnaa xilligaas iyo duruufaha nololeed ee ku gaddaamani waxay ahayd mid aan u saamaxayn inney wada qaataan nolol badhaadhe iyo sareedo leh, lakiin Alle Swt ayey talo saarteen iyagoo waydiisanaaya inuu ugu gargaaro kuna garab galo waxii khayr ah ee ay u socdaan oo ah dhamaystirka nolosha ay hada ku nool yahiin oo ay is guursadaan si ay uga mid noqdaan qoysaska islaamka ah ee adduunka ku firidhsan. Waris iyo Warmooge labaduba waxay ka dhasheen reero aan sidaasi xoolo buurran u haysan, oo waxaa sameeyey duruufaha waddanku ku jiro oo xilligaasi ay ahayd wakhti dagaal sokeeye laga soo noqday xaladda lagu sugan yahayna ahayd mid dhibteeda iyo maal la’aanteedaba wadata, hadana kamay niyad jabin ee waxay ku kalsoonayeen is dorashadooda iyo reeraha ay ka dhasheen oo ay hubeen in anney hor istaagayn heshiiskooda guur.

Warmooge u yimi reerkii inantu ka dhalatay sida caadada iyo dhaqanka soomaliyeed ahaan jirayna usoo geed fadhiisay Waris, waxii uu xoolo xiligaasi isku tuhmaayey ee uu reerka inantu ka dhalatay ugu tallo gallayna farta ka saar oo sii, gudoon wacan iyo gacan qaad ka danbee inantiina loo hibee. Maalintaasi waxay ahayd maalin uga duwan maalmaha kale lamaanahan madaama oo ay nolosha ku midoobeen reerna yagleeleen oo dhisteen Alle-na u rumeeyey rajadoodii ahayd inney isu xalaalloobaan oo darmo qudha ku wadda laddaan. Waxuu midba dhinaciisa ula yuruuraa farxadda qoysnimo iyo dareenka rasmiga ah ee qalbigiisa u shidaaya sidii dab la ololliyey. Muddo ka dib aqal galle oo reer dhisan oo meel loogu soo hagaago leh ayey noqdeen. Waa reer ku faraxsan nolosha qoysnimo ee ay ku midoobeen, lama qiyaasi karo farxadda iyo raynraynta laga akhrisan karo wajigooda iyaguna ay quluubta iyo qalbiga ka dareemayaan. Cawa waxay ka gudbeen xaaladda dhalinyarnimo waxayna isu diyarinayaan inney noqdaan Aabbo iyo Hooyo lagu daydo oo nolosha inta karaankooda ah la jihaada si ay ugu halgamaan nolosha ay diyaarka u yahiin inney wada qataan. Nolosha qoysnimo ee ay ku nool yahiin waa mid iska adag, hadana waa kuwo ku faraxsan waxkasta oo kala soo darsa nolosha iyo waxii hareeraheeda ahaadayba. Waxay sidaasi ahaataba oo Waris iyo Warmooge noloshoodu iska adkaataba hada waxa noloshooda saddexayn doona ilmo Alle Swt ku arzaaqay oo ay hadda ogaatay Maama Waris.

Waxay dareentay oo ogaatay inney xaamilo noqotay oo Alle dhexdooda ubad ka beeray wali se ma ogga Aabbo Warmooge. Cawa waa habeen kale oo farxaddeed waxay u sheegtay Warmooge inney xaamilo tahay oo noloshooda ilmo ku sii biiri doono dhawaan, waa war ay sugaayeen dhagahiisa, qalbigiisa iyo quluubtiisuba aadna ugu farxeen, waxuu xaaskiisii Waris siiyey waano isagoo leh ” Wariseey is ilaali oo naftaada ogow wax ku dhibayana haysku dayin qabashadiisa”, dhinaca Kale waxuu raaciyey mahad celin Alle uu u maad celinaayo isagoo ku tirabaaya “Allow adigaa mahad oo dhami kuu sugnaatay madaama oo aad qoyskayagii balaadhisay ilmo-na nagu arsaaqday oo na tarmisay Alxamdulillah.”

Waxay ahaayeen Hooyo iyo Aabbe ku sugnaa farxad iyo raynrayn oo sugayey ilmahoodii currad iyo ubaxii uu Alle ka abuuray jiidhkooda, lama qiyaasi karo farxada ka muuqata cawa qoyskani waana mabsuud oo way isku faraxsan yahiin iyagoo isu diyaarinaaya sidii ay u noqon lahayeen waalid ka soo baxa kaalintooda oo xanaaneeya ubadka Alle ka dhex abuuray.

Waxuu wakhtigu is guraba oo maalinba maalin usii dhiibto habeenba habeen ugu xigo Alle Swt waxuu ifka keenay inantoodii currad oo ay Warsan ugu wanqaleen, hadda waa saddex qof oo qoys tarmay ayey noqdeen wallow noloshoodu wali u adag tahay sidaynu hore usoo sheegnay . Warsan waxay la kowsatay xaalad iyo duruufo adag oo nololeed inkastoo waalidkeedu u dadaali jireen oo ilaa waxa ay hayaan iyadu ka dharagto anney iyagu cuni jirin. Warsan waxa ka daba dhashay Warfaa iyo carruuro kale oo dhawr ah oo iyaguna la koray oo la kowsaday noloshooda oo wali adag oon wax hantiya oo la tabtaa anney xilligaasi u kordhin.

Iyada oo ay sidaasi tahay Aabbo Warmooge waxuu awoodi waayey inuu si joogto ah usoo helo quutal daruurigii ay reerkiisu ku noolaan lahayeen, iyada oo sidaasi tahay maalmaha qaar waxa laga yabaa in aan dabkaa loo shidin oo carruurtu gaajo darteed oohinta isku daraan ileen iyagu waa carruuroo waa la waayey garan maayaane ilaa xaafaddaha jaarku u keeni jireen waxay cunaan oo ay ku nooladaan. Warsan waxay garaadaysatey iyadoo reerkoodu ay durufahaas adag ku nool yahiin oo ay adag tahayba siday maalintaas waxay cunaan ay u heli lahayeenba.

Warsan waa inan yar oo da’deedu ma wayna lakiin caqliga iyo maskaxda saaran waxuun baa qiyaasi kara Alle swt, maaha mid uu bini’adam suurayn karo marka laysu eego intey jirtay iyo miisaankeeda. Wakhtigan da’deedu waa Toddoba Sanno sida muuqata se labaatan jir ka caqli badan oo xilligani Hooyadeed Waris waxay ka kafaalo qaadatay hawlahii guriga in badan oo ka mid ah. Waagan iyo maalmahanba waxay Warsan waalidkeedu isku taxaluujinayeen sidey inantooda currad iyo walaalkeed Warfaa oo ka yaraaba ay waxbarasho ugu heli lahayeen si ay barito u anfacaan oo u helaan tacabkay maanta gashadaan. Waa run oo way muuqatay in xaladdooda nololeed ay wali cakiran tahay oo adag tahay lakiin waxaa maankooda ku wayn sidii ay caruurtooda yar yar wax u bari lahayeen oo u soo saari lahayeen wax kasta oo ay ku qaadataba.

Hooyo Waris waxay subaxan u baqooshay malcaamad Quraan aan sidaasi uga sii fogayn hoyga ay ku nool yahiin si ay macalinka ugala hadasho wax dhigashada labadan carruura. Malcaamadda waxa jooga macalin Warsame oo isagu ah macalinka isagu udhiga ardayda Quraanka sidoo kale ah assaasaha malcaamaddaas. Hooyo Waris waxay kulan aan dheerayn la qaadatay Macalin Warsame iyadoo u bandhigtay duruufaha noloshooda hadheeyey iyo siday u jeceshahay inay carruurteedu wax u bartaan. Macalinkaasi maalintaas aad buu uga qiirooday waxuuna u muujiyey naxariis isagoo ay maankiisa buux dhaafisay oo uu aad uga fikiraayey Hooyada sidan carruurteeda ugu dedaalaysa tolow hadii darafkeeda in uun wax adduun ahi ku jiri lahayeen heerkay ubadkeedan yar-yar gaadhsiin lahayd.

Warsame (macalinkii malcamadda) waxuu Hooyo Waris ka aqbalay codsigeedii waliba si bilaa shuruuda isagoon wax adduun ah ka rabin ayaa waxuu u sheegay inney aroorta keento malcamadda labaddeeda caruura si uu Quraanka ugu dhigo. Waris waxay aad ugu faraxday war celinta naxariistu ku dheehan tahay iyo qalbi wanaagiisa uu kaga aqbalay codsigeedii. U mahad celisay macalinkii waxayna qalbiga ugu qaboojisay inney mar uun carruurteedaasi guddi doonto abaalka aad u gashay ee ah inaad ka soo saartay dariiqii madoobaa ee nolosha kaga sugnayeen una soo saaray banaan cad oo cilmi yaallo. Dhanka kale waxay mahad oo dhan u celisay Alle Swt oo ay in badan ka bariday inuu umaddiisa u sakhiro, maantana uu ducadeedii aqbalay oo ajiibay. Waxay ka soo laabatay malcamaddii iyadoo aad u faraxsan, waxayna gudo gashay sidii ay u qalabayn lahayd Warsan iyo Warfaa uguba diyaar garayn lahayd waxay u baahan yahiin oo dhan sida buugaagtii ay wax ku dhiggan lahayeen.

Ku guulaysatay inney dhamays tirto carruurteeda una diyaariso waxbarashadoodii u horaysay. Dhanka kale Warsan iyo walaalkeedii yaraa waxay aad ula dhacsanayeen inney tagaan meel carruur iyaga oo kale ahi joogto, si ay wax usoo dhigtaan oo sida qayrkood intey buug iyo qalin qataan tagaan goobaha waxbarasho, sida caadiga ah waa maalin labadan carruura ee walaalaha ah (Warsan iyo Warfaa) uga duwan maalmaha kale madaama oo ay maanta bilaabeen waxbarasho. Warsan hadii ay garaad wacan oo ay ku garato lahaan lahayd inney maalintaas taariikhda qorto way qori lahayd si ay xasuus ugu noqoto maalmaha soo socda oo ay u tixraacdo maalintii u horaysay ee ay buug qaadato. Ma se jirin wakhtigaas caqli buuxa oo waxyaabaha qaar ay ku xasuusato si ay nolosheeda buug ugu samayso u noqda tixraac iyo marjac ay dib ugu noqoto xilliyada qaar.

Carruurtu marka ay yaryar yahiin waa kuwo ku sifooba xilliga waxbarashadooda koowaad inney ku ciyaaraan buugta loo dhiibo oo wakhtigooda ku bixiyaan inney carruurta ay isku da’ yahiin iskala ciyaraan. Dhammaan dhaqannadaasi may ahayn kuwo ay Warsan yar ku sifowday, waa gabadh yar oo caqli iyo maskaxda saarani ay yihiin kuwo ay qayrkeed ku dhaaftay, waa ilmo yar oo qofkii arkaa ama u fiirsadaa dhaqannadeeda uu moodaayo inney tahay qof wayn oo hoos ubax ah, waa mid ay hooyadeed markasta Alle ugu xamdi naqdo inuu Warsan siiyey oo ay tahay mid da’deedu ka wayn.

Warsan dhigatey waxbarashadeedii muddo markii ay ku jirtay ku dhow sannad ayey noqotay xiddig ka dhex iftiintay malcamadda ay dhiganaysay, waxay ahayd mid aan waxbarashada cidi ku gaadhin intii markaas ay isku midka ahayeen. Waxay dhigataa Quraanka oo aan maalin lagu soo celin. Wakhtigu waxuu socdaba Quraankii waxay ka gaadhey meel sare mudo sannad iyo badh ah. Haatan Hooyo Waris waxay ku rajo wayn tahay inney inanteeda dugsi gayso si ay waxbarashadeeda meel sare uga gaadho. Warsan iyo Warfaa oo ah walaalkeedii ka yaraaba waxay gaysay dugsi hoose dhexe oo magaalada ku yaallay, waxay u waayo sheegatay maamulahii dugsigaas iyadoo ka codsanaysa inuu mid ahaan ka daayo bisha dugsiga madaama oo anney lahayn awood ay ku wadda bixiso.

Maamulahii dugsigu ka aqbal Hooyo Waris in labada carruura midkood ka daayo qarashka bisha ee ardayda laga qaaddo, carruurtiina sidaasey dugsigii ku galleen iyadoo fasalka labaad ay fadhiisatay Warsan ka dib markii imtixaan laga qaaday kuna guulaysatey. Warsan yar dhigatey dugsigii sidii caadada u ahaydna dadaashay waxayna noqotay mid waalidkeed, macalimiintedii wax udhigaayey iyo dugsigiiba sharaftooda kor uqaaday oo magaceeda ay hadhsadeen Hada waxay noqotay gashaanti da’deedu waa 15 jir qofkii arkaa uu isku qabanaayo oo is odhanaayo tani waa xuural cayntii adduunka mise tolow waa tii janada oo adiga uun lagu tusay. Hada waxay dhammaysatey dugsigii hoose dhexe iyadoo gashay kaalmaha ugu sareeya ee wadanka oo dhan, waxayna kor uqaaday sumcaddeedii tii waalidkeed iyo tii dugsiga ay ka soo baxdayba.

Warsan waxay ku baraarugsan tahay xaladda ay wali reerkoodu ku nool yahiin ee aan wali sidii hore wax badan dhaamin iyo duruufaha ka jira gurigooda dhexdiisa ee looga fadhiyo inney wax ka badasho iyada iyo walaalkedii yaraa ee Wargaa. Waxay bilaash ku heshay dhigashada dugsiga sare waxayna gashay oo bilowday iyadoo sii wadata waxbarashadeedii, sannad markii ay dhiganaysey ayaa waxaa isna dugsigii ka baxay walaalkeed Warfaa Oo sannad ka hooseyey. Warfaa wuu iska diiday inuu waxbarashadii sii wato waxuuna ka door bidday inuu shaqaysto si uu reerkooda udabaro, waxaanu shaqo ka helay bakhaar uu lahaa nin ay Aabbahii ilmadeer yahiin oo adeer ugu toosan. Warfaa yare waxuu shaqo ka helay bakhaar adeerkii lahaa, da’ ahaan aad buu u yar yahay hadana waa go’aan adag midkaa uu qaatay ee uu rabo inuu ugu hiiliyo nolosha reerkooda waana nin iyo caadadiiye, shaqaysay oo isagoo da’daas ah ka adkaa quutal daruurigii aasaasiga ahaa ee reerkoodu quudan lahaayeen, isaguna si fiican ayuu uga soo baxay hawshii bakhaarkaas uu ka hayey.

2

Warsan waxaa u dilaacay indhahii lagu yaqaanay inan gashaanti ah ee ay aasaageed ku dhex gali lahayd, iyadu waa gabadh yar oo dhawrsan misana anney gurigooda iyo waxbarashadeeda waxba uga dhaxaynin. Waxay yeelatay asxaab ay dhammaantood isku barteen dugsiga lakiin dadka dushay walaalo ka ahayeen Nimco ayey se saxiibo aad isugu dhow noqdeen. Nimco lafteedu waxay astaamo badan wadagaan Warsan sida degenaanta, dhawrsanaanta iyo astaamo kale oo badanba waana sababta ay Warsan isku lugta u noqdeen ee ay u saaxiibeen. Labadooduba waxay ahayeen kuwo ku suntan akhlaaq wanaag ardaydana sida shamaca uga dhex ifa oo ka dhex muuqda, waxay lahayeen jadwal nololeed ay raacaan oo noloshooda ku maareeyaan Sida waxbarashada oo kale iyo dhaqamada kale ee fiicanba, intaasi waxa udheerayd inney jaar iyo ood wadaag ay ahayeen oo ay ahayeen saxiibo isku xaafad ah isuna muuqda.

Waxay sidaasi ahaataba Warsan waxay ka guureen gurigii ay ku jireen wallow anney sidaasi uga sii foggaan xaafaddii ay degenaayeen, hadana waxay daris la noqdeen jaar cusub iyo dad badan oo anney hore isu aqoonin hada se ay ugu horayso. Way la qabsadeen jaarkoodii cusbaa waayo markii hore’ba Warsan iyo reerkoodu waxay ahayeen kuwo dun wanaag u dhashay oo aan dadka dhibin cidina anney ka ashkatoon. Warsan dariskooda cusub waxa ah ama degen Reer faarax waana qoys balaadhan oo hablo iyo inamaba ka kooban Hooyadii iyo Aabbahii dhalayna dhex joogaan. Liibaan waa curradka reer Faarax, waa arday jamacaddeed oo sannadkaas ka baxaayey jamacadda, waxuu baryahaaba sheedda kala socday heegadan inteeda ka roon ee rabi u dhammays tiray qurux middii dumarka lagu suurayn jiray.

Liibaan waa wiil joog iyo jamaal isba Alle Swt udhaliyey oo dhalinta qayrkii ah laga soocan dhaqan wanaag iyo waalid adeecnimo. Waxa damac wayni ka galay Warsan oo deriskooda cusub ah, waxuu bidhaansan jiray xilliyada ay dibada u soo baxdo isagoo aad ugu faraxsan muuqeeda, iyadu se warba uma hayso in dusha laga ilashanayo oo lagu hamiyaayo waligeedna nin afka umay kala qaadin hadalna ma dhex marin sas ayey ka qabtaaba oo la hadalkooda ceeb ayey u haysataa. Liibaan ma garanaayo xilliga kashiisa dareenka intan leegi ku abuurmay, waxuun buu isu haystaa inuu yahay qof matalaaya waali oo suuraysanaaya waxaan suurtogal ahayn, waxu sidaasi ahaadaba waxuu isku dayey inuu Warsan macluumaad dheeri ah ka soo helo nolosheeda iyo siday isku yahiin la hadalka ragga, dugsigay dhigato, halkay kamarayso iyo waxyaabo kale oo badan.

Waxaa ku adkaatay siduu ula hadli lahaa waayo mabay jirin fursad uu kula hadlaa oo umay banaanayn, waayo qofka marka aad meel uun ku kulamaysaan ayaad hadal gaadhsiin kartaa lakiin iyada waxba ugamay dhaxayn gurigooda iyo waxbarashadeeda dibadna waxaaba u ahayd intay wax soo dhiganayso. Nasiib wanaag se liibaan waxuu ogaaday in ay Nimco saxiib dhaw ay yahiin, Nimco aqoon dheraad ah uma lahayn Liibaan laakiin waxuu u yaqaanay oo uu ku bartay inay Liibaan saaxiibo ahayeen Nimco walaalkeed ka wayn ee Maxamed, sidaasi darteed Liibaan marar qaarkood saaxiibkii ayuu gurigooda ugu tagi jiray halkaas oo uu Nimco ku arki jiray. Fursad buu u arkaa uu Warsan ugu dhawaan karo inuu Nimco aqoon aan sidaasi u durugsanayn u leeyahay. Liibaan waxuu qorsheeyey sidii uu Nimco ula hadli lahaa si ay ugu noqoto dhabo ama dariiq uu usii maro Warsan. Waa mid kamid ah maalmaha Alle abuuray waa se maalin uu jaanis u helay Nimco iyo la kulankeeda oo uu aaminsanaa inney u noqon karto waddada kaliya ee uu Warsan oo uu caashaqay ku gaadhi karo, waxay isugu soo galeen mid ka mid ah dukaamada xaafadda ku yaala oo ay labadooduba muraad u lahayeen.

Salaan iyo is xog waraysi kooban ka dib waxuu toos u gudo gallay ujeeddadii uu ka laha Nimco ee ku saabsanayd helitaanka Warsan, isagoo ay daba socdaan su’aalo kooban oo uu ku rabo helitaanka dabeecadeeda iyo dhaqankeedaba. Waxayna dhammaan uga sheegtay Warsan war fiican oo uu ku farxay misana u noqday shidaal uu xaggeed ugu dhaqaaqo. Waxa ugu wayn ee walaac galiyey waxuu ahaa maalintaas inney Nimco ku wargalisay in anney waligeed nin afkeeda u kala furin kana helin la hadalkooda iyo dhexgalkoodaba, taas oo uu uga cabsanayey inney ku gacan saydho codsiga uu wato iyo ka helitaanka uu ka helayba. Waxay se nasiib wanaag ah inney Nimco ugu hal celisay inney hawshiisa gali doonto oo saxiibaddeed ku qanci doonto la socodka ama xidhiidhka rasmiga ah ee uu u gol leeyahay Liibaan.

Saaka waa subax Sabti ah waa subax ka duwan maalmahii hore marka laga eego dhanka Warsan. Waxaa sidii caaddada ahayd la yimi dugsigii si ay uqaataan xiisaddahii maalintaas jadwalka fasalka ku yaalley, Nimco iyana waxay timi fasalkii waxayna so ag fadhiisatay saaxiibadeed Warsan, la qaaday fasalka intiisii hore waxa loo soo baxay nususaacahii. Nimco waxay u aragtay fursad inney saaxibaddeed u heshay ay kaga dhaadhiciso dhanbaalkii Liibaan u soo dhiibay ee ahaa helitaanka Warsan iyo inuu dareen xaqiiq ah u qaadday.

Nimco waxay guddo gashay hadaladii ay kala kulantay Liibaan iyo sida uu ugu han wayn yahay iyada, waxayna ka codsatey Warsan inney la qabato ama ka aqbasho Codsigiisa si uu isna ugu farxo idinkuna u noqotaan kuwo ku guulaystay dareenkooda. Warsan aadbey ula yaabtay saaxiibaddeed iyo codsigan xasaasiga ah ee ay ka codsanayso, waxayna hadal ugu soo gaabisay “hadii uu Warsan doon yahay maxuu iigu soo badheedhi waayey ee uu adiga kaa soo doonay?”

Waa hadal qariib ku noqday Nimco waayo kamay filanayn inney su’aashaas waydiiso dhanka kale waxay u aragtay inney wali wakhti haysato ay wax kaga dhaadhicin karto oo ay dhawdahay, waxayna aad yar ugu jawaabtay “waxuu waayey fursad uu kugula hadlo waayo adigaa maxjabad iska ah saxiib.”

Warsan way ka aqbashay Nimco inney la kulanto Liibaan si ay iyagu isu af gartaan oo u heshiiyaan ama u kala taggaan, waxayna ku kala tageen hawraarsan iyo waayahay ee u yeedh waxuu la shir yimaaddo. Nimco aad bey ugu faraxday inney Warsan ka dhaadhiciso inuu Liibaan damac ka galay oo ay ku guulaysato qorshahedii ahaa inney dalabkii walaalkeed Liibaan uga yimi oofiso oo Warsan u keento. Waxay liibaan ku soo celisay inney Warsan ka dhaadhicisay dalabkisii ahaa inney isu keento si uu ugu murraad sheegto iyada, waxayna balamisay aroorta marka ay dugsiga ka soo baxaan iyada iyo Warsan inuu ugu yimaado meel aan sidaasi uga sii fogayn dugsiga ay dhigtaan.

Waa maalin ku wayn isaga waayo malo-awaalkii badnaa ee maskaxdiisa ku wareeggaayey ayaa u eeg inuu rumoobo oo uu hirgallo waana sida uu ku rajo wayn yahay Liibaan. Waxuu dhibsado wakhtiga dhaqaaqi la’ waxaa la gaadhay aamintii balantu ahayd ee ay kulmi lahayeen isaga iyo Warsan. Wuu tagay halkii balantu ahayd wakhtigii ay hablahu u qabteen wakhti ka horaysa ayuu isa sii xaadirriyey, wakhti yar ka dib ayey yimadeen Nimco iyo Warsan oo wada socda. Warsan maaha mid u baratey la hadalka iyo la sheekaysiga ragga midna lakiin maalintan indhahay isku qabatay oo hortagtay Liibaan si ay uga dhagaysato waxuu rabo inuu u sheego. Is horyimaade imikaba oo way wada joogaan Nimco ayaa se saddex ku ah oo ahayd isu keenahii labadan dhinac iyo saxiibada rasiga ah ee Warsan, Nimco ayaa hadalkii qaadatay si ay isu barto iyaga iyadoo leh.

Nimco. Saxiib Warsan wiilkani waa Liibaan waana wiilkaan kuu sheegayey ee iga codsaday inaan idin kulansiiyo, farxadna way ii tahay inaan isu kiin keenno oon ku guulaysto dalabkii walaalkay Liibaan.

Liibaan. Walaal Nimco waad mahadsan tahay marka hore, hadana waxaan jecelahay in anad naga tagin eed goob jooge ka ahaato aniga iyo Warsan waxaanu ku heshiinno. Walaal Warsan adna waad ku mahadsan tahay sidaad u ajiibtay dalabkaygii ahaa inaan kulanno oo hadallo is waydaarsanno aad baan marar kale oo badan kaaga mahad celinayaa, ujeeddada ugu wayn een kuu balamiyey waxay ahayd waan kaa helay waxanan doonayaa inaan xidhiidh rasmiya oo mustaqbal ku qotama kula dhiso oo wadaagno walaal si aan u noqonno laba nolosha ku midooba.

Warsan. Walaal Liibaan marka hore adigaa mudan, waan jecelahay inaan kaa aqbalo codsigaaga lakiin laba sababood labadaba suurtogal ua aha waa marka koowaad anigu sidaad igu helaysaa way adagtahay waa marka labaad’e waxaynu nahay walaalo jaar ah hadii laysku keen ogaadana waa laga qurux badan yahay oo xanta bini’adamku way gashaa meel kasta xataa dhinaca wanaagsan.

Liibaan. Warsan anigu labadaas sababood labadaba waan ka gudbi karaa, waxanad
ogataa waxa qalbigayga kuu jiifa ayaa ka badan oo ka miisaan wayn ee walaal si qurux badan iiga aqbal codsigayga. Midna aan kuugu daro’e ta helitaanka intaan ku arko ayaa igu filan wax kale oo dheeraad ahna kugu khasbi maayo hadaad raali iga tahay, ta kalena waligeedba waa lays calman jiray kuwo inteena isaga dhow ayaa laysa siiyaa oo wada noolaada xaafadda iyo jaarka aynu nahayna ma xukumi karaan dareenkeenna iyo waxaynu ku heshiino walaal.
Warsan. Wayey maxaa qorshe ah ee kuu laabban hadda? Si aynu u waaajahno heshiiskeenn.
Liibaan. Waxa ii laabbani waxuu yahay inaan noqonno kuwo laysku ogyahay oo nolosha sideeda u qaybsada si wacan oynu raali ka nahay labadeenuba, aniguna aan ku ilaaliyo inta awoodayda ah.

Warsan maalintaas way ka aqbashay codsigii Liibaan waxaad moodaa iyada laftigeeda in la beer qaaddey oo ay aad ugu qanacday Liibaan hab dhaqankiisa, hadaladiisa miisaaman iyo quruxdiisaba. Isaga hadaan dhankiisa eegno waxaa u rumoobay hawshii wakhti badan ka qaadatay waxaana ka kala yaraaddey xanuunkii kalgacal ee kaligii hayey madaama oo Warsan ay ka aqbashay codsigiisa ahaa inney la waddo dareenka jacayl ee uu iyada u qabo. Warsan lafteedu sidii hore maaha ileen imika dibada waa laga joogaaye waxay badashay habdhaqannadeedii si ay usoo jiidato Liibaan oo ay wacad la gashay misana u noqoto qof uu markasta ku qanacsan yahay.

Wakhtigu waxuu is guraba waxaa la gaadhay hab casriga cusub ee technology-yadu waddanka ku badatay Warsan waxay qaadatay telephone si ay xaalka Liibaan markasta uga warhayso isagaana ku baraarujiyey inney mobil doonato ay ka wada hadlaan oo midiba kan kale uu xaalkiiisa la socdo. Inantii Warsan qaadatay moobil gacmeed yar dee waaba taa hadh iyo habeen dhagta uun ku haysa, waxaa aad ula yaabtay Hooyadeed oo waxay qariib u qaadatay dhaqannadan cusub ee ay inanteedu la soo baxday hadda intey mobil gacmeedkan yar sidatay, waxay se aad ugu kalsoonayd inanteeda oo waxay ogayd wax anney raali ka ahayn in anney samayn doonin, sababtuna ay tahay in ay ahayd inan dhawrsan oon saxiib badan lahayn oo hagardaameeya ama socodkeeduba badnayn oo anney gurigaba ka bixi jirin illaa hawl loo diro ama waxbarasho ku fooggan tahay mooyee waana sababta u weyn ee ay Hooyadeed qalbigeeda ku hanatay.

Liibaan waxuu dhameeyey Degree u horeeyey ee jamacaddeed, iyana wali sanad baa uga hadhay dugsigii sare. Waxuu ka dalbaday guur waxay se ku xidhay ugu yaraan aan dhammeeyo dugsiga, ka aqbal se waxuu u sheegay inuu tagi doono waddanka dibadiiisa si uu u soo diyaariyo shahadadii labaad ee Master-ta. Waxay ahayeen kuwo isu calool xaadhan oo aan marnaba kala maarmin aadna isu jecel, waxa laga joogaa muddo sannad ah maalintii ay Warsan ka aqbashay codsigiisii. Waxa se hadda muuqata in ay kala foganayaan ugu yaraan laba sanno taasina waxay ku abuurtay walaac iyo walbahaar joogto ah Warsan iyo Liibaanba lakiin wuu ku calool adaygay iyagoo meel sii dhigtay wacad aad u adag, maalinka uu soo noqdana uu reerkooda waydiisan doono si loo siiyo iyaguna ay reer u noqdaan iyo laba qof oo nolo wadaag ah.

3

Saaka Liibaan waddankii ka jarmaad una kicitin waddan shisheeye oo ay duruufi gaysay, Warsanna waxay ku tashatay inney adkayso wacadkay la gashay Liibaan oo ah qofkii u horeeyey ee nolosheeda saamayn ku yeesha misana ay jeclaato oo u nuglaato.

Liibaan wuu la soo hadli jiray inta badan oo may kala maqnaan jirin, alladaha laga wada hadlo oo Facebook kow ka yahayna way kala hadli jirtay oo baryahaas internet-kaa la gali jiray ka dibna muddo la fadhiyi jiray oo lacag la bixin jiray waayo muu jirin mobil gacmeedkan hadda aynu isticmaalno ee smart phone la yidhaahdaa. Waxuu sidaasi ahaadaba waxa sii kordhay xiisahii iyo xamasaddii kalgacal ee ay isu qabeen Liibaan iyo Warsan iyadoy halkii u saraysay gaadhay.

Way jeceshahay isna jecel yahay oo annu cidna ku doorsanayn, waxa sii saameeyay oo aad usii taabtay Warsan sida ay u ilaalinayso wacadkii ka dhaxeeyey iyada iyo Liibaan. Waxay sidaasi ahaataba waxa soo dhawaaday wakhtigii uu Liibaan soo guryo noqon lahaa Warsan waxay isu diyaarinaysaa inney reer wada dhistaan Liibaan sidii balanku ahaa. Waxaa se ka soo dhexgalay oo laf dhuun gashay ku noqday markii Aabbaheed ku wargaliyey inuu inadeerkeed siinaayo oo waydiistay. Aad bey uga murugootay arinkaas isaga ah waxaa ku adkaatay sidii ay Liibaan ugu sheegi lahayd oo ay uga dhaadhicin lahayd arinkeeda, waxay Aabbaheed ku wargalisay in anney doonayn ama xili xadirkan diyaar u ahayn guur, ee ay rabto iney waxbarashadeeda sii wadato oo ay jaamacadda gasho, waa se ka diiday oo waxayba iska aaminsan yahiin odayaashii hore in anney inanta waxbarashadeedu sidaasiba usii waynayn oo faa’iido lahayn, ka dib Aabbaheed waxuuna u sheegay in uu siinaayo. Warsan dhulkiiba ku soo yaraaday waxayna u holatay in ay Liibaan u sheegto waxa dhacaaya isagoo wakhti xadirkaas usoo xidhxidhnaa inuu waddanka dib ugu soo noqdo. Usheegtay oo anfariir ku noqay Liibaan arinkii waxuuna go’aansadey inuu degdeg usoo baxo si uu uga soo gaadho intaanu guurkaas Warsan dhicin, iyadana waxuu ku wargaliyey inney xaga Hooyadeed ka wareegto oo ugu yaraan wakhti la siiyo ay arinkaas kaga fikirto oo ku gorfayso. Wayey ayey kaga timi iyo hawraarsan Liibaan maalintaas isna soo xidhxidhay degdegna uga soo bax waddankii uu u joogay waxbarashada si uu ugu soo guryo noqdo hoygiisii.

Warsan wakhti inney reerkoodu siiyaan ayey waydiisatay wayna ka ogoladeen mudo 15 ah aad bey u warwarsan tahay oo Aabbaheed waxuu rabaa inuu dhammaan burburiyo rajooyinkeedii ay dhisanaysay in badan lakiin isagu waxba ma ogga oo kama warqabo in inantiisu xanjo meel ugu dhajisan tahay waxuu yeeli lahaaba. Muddadii loo qabtay gudaheeda ayaa Liibaan soo guryo noqday Warsan waxaad modaa in qalbigeedu cabudhsan yahay cid ay wax usheegto oo ay ku dul oydana wayday, Liibaan se markuu yimi waxuu u noqday mee ay waxii gubaayaba kaga bogsato oo u sheegto xilligaas si ay iyana udegto oo cabudhintii qalbigeedu uga baxo. Markiiba waxuu reerkooda ku wargaliyey siday wax u jiraan iyo innuu Aabbahii ka kaco fadhiga oo Warsan u doonno reerkana u taggo inta anney muddadaasi dhammaanin ee uu wali wakhtiga haysto. Aabbo Faarax oo ah Liibaan Aabbahii waxuu go’aansadey sidii uu isagu u soo dhawayn lahaa labadan qalbi ee is doortay ama is jecel, dhanka kale Warsan hooyadeed waxay ku wargalisay siday wax u jiraan iyo waxa qalbigeeda ku jira iyo sida anney raallida uga ahayn guurka inaadeerkeedan lagu khasbaayo. Hooyo Waris waxay aad u jeceshahay inanteeda currad waxayna raali ka tahay waxay iyadu ku dagayso ee ay jeceshahay waxayna u ballan qaaddey sidii ay guurkaas uga joojin lahayd inta awooddeeda ah ee ay Aabbaheed ugala hadli lahayd waxay inantoodu raalida ka tahay, waxa isna ka hawl galley Walaalkeed Warfaa oo ahaa kii ka yaraa oo reerka nimco iyo badhaadhe soo gaadhsiiyey isla markaana xooggiisa u garaacay isagoo aad u yar, waxuuna garabka saaray oo la jiray walaashii iyo waxay raalida ka tahay.

Warfaa iyo Hooyo Waris ayaa ku kulmay Aabbo Warmooge si ay uga dhaadhiciyaan arinka jira iyo waliba in reer Faarax ku soo socdaan oo inanta ka rabaan, waxuu ku war galiyey Aabbo Warmooge in uu inankoodii u ballanqaaday oo yidhi waan ku siinayaa inantayda, waxaa maalin ka dib u yimi hadana Aabbo Faarax oo Warsan ka raba iyo inuu u ballan qaado xilliguu u iman lahaa. Wuu celiyey reerkii u yimi isagoo ka codsaday inney wakhti siiyaan isla markaana uu usheegay inuu inantiisa uu rabo inuu siiyo inaadeerkeed oo ka soo doontay. Aabbo Warmooge waxaa isu qaban waayey rabitaanka inantiisa uu jecelyahay iyo inankaas uu adeerka u yahay ee walaalkeed ah ee raba Warsan, waxuuna go’aan ku gaadhey inuu inantiisa kala hadlo arinkan iyana waxay u sheegtay inney Liibaan rabto guurkiisa oo ay wacad dhigteen muddo saddex sano ka hor ah, tallo way ku ciirtay Aabbaheed waxuu se u sheegay inuu teedda u raaci doono oo marnaba anuu ku qasbi doonin wax anney raalli ka ahayn inantiisu. Waxa yididiilo aad ah galiyey warka Aabbaheed ka soo baxay ee ah in anu niyad jabin doonin iyada waxayna warkaas farxadda leh ku wargalisay gacaliyahedii Liibaan.

Aabo Warmooge waxuu ku wargaliyey inankii uu adeerka u ahaa inuu ka dhamaysto Warsan hadii ay raali ka tahay uu siin doonno hadii kalena aanu khasbi doonin inantiisa, waxuuna isku dayey Warsan walaalkeedii rabey inuu Warsan ka dhammaysto guurkooda lakiin se way ku gacan saydhay iyadoo ku andacoonaysa walaalkay oo adeerkay ii dhalay ayaad tahay waxaan rabaa in aynaan walaaltinimadeenaas isu dhaafin diyaarna uma ihi guurka aad ii soo bandhigtey. Warsan halkaas waxaa kaga hadhay warwarkii badnaa ee ay ka qabtay inney waydo waxay niyada ku haysay ee ahaa inney nolol wadaag la noqoto Liibaan oo ay jeceshahay. Aabbo Warmoogana waxuu ka aqballay codsigoodii ay wateen ilma Faarax ee ahaa in Warsan la siiyo isagoo tixgalinaaya rabitaanka inantiisa iyo inuu dhismo guri lagu unkay raalli ahaansho iyo jacayl.

Maanta waa maalin farxad leh xaggooda waayo waxaa u rumoobay riyadoodii iyo rajooyinkii ay lahayeen ee ahaa inney noqdaan qoys faraxsan oo wadda nool. Noqde reer meel loogu soo hagaage leh oo is jecel noloshana si wacan oo qurux badan u wadda qaybsada. Waxay ku bahoobeen nolol ay iyagu doorteen dabadeed waxaa jadwal iyo raad ay raacaan u yeelleen dariiq kasta oo ay wadda mari doonaan mustaqbalka. Muddo sannad ku siman markii ay wadda noolaayeen ayuu Alle Swt ku arsaaqay wiilkoodii currad ooo Warsame ay u bixisay iyadoo ugu magac dartey macalinkeedii Quraanka oo ka mid ahaa dadka aad nolosheedda saamaynta ugu yeeshay madaama oo mugdi uga gargaaray horseedna u ahaa inney timaaddo barxad iftiin badan oo cilmi iyo aqooni taallo.

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl
Faarax Maxamed Jaamac Cawl

Arar
Kicitaankii Cawrala Iyo Cali-Maax
Safarkii Doonnida iyo Kulankii Cawrala iyo Cali-Maax
Cawrala iyo Duxashadii Jacaylka
Duullaankii Daraawiishta ee Badda Cas
Dhaawacii iyo Dhiigkafuqii Cali-Maax
Welwelkii iyo Walbahaarkii Cawrala
Arooskii Cawrala loo Aroosay Geelle
Geeridii Cawrala iyo Baroordiiqii iyo u Ducayntii Cali-Maax
Kicitaankii Cawrala iyo Cali-Maax
Safarkii Doonnida iyo Kulankii Cawrala iyo Cali-Maax
Cawrala iyo Duxashadii Jacaylka
Duulaankii Daraawiishta ee Badda Cas
Dhaawicii iyo Dhiigkafuqii Cali-Maax
Welwelkii iyo Walbahaarkii Cawrala
Arooskii Cawrala loo Aroosay Geelle
Geeridii Cawrala iyo Baroordiiqdii iyo u Ducaynti Cali-Maax

Arar

In kastoo sheekadanu tahay mid la qurxiyey lana xariiriyey qaarkeed, hase ahaatee waa mid run ah oo ka dhacday dalka Soomaaliyeed, magaalada Xiis oo bad yarada Cadmeed ku taalla gobolka Sanaagna ka tirsan markay qiyaastii taariikhdu ahayd 1913kii ilaa 1922kii waxayna ku saabsan tahay jacayl ay gabar la dhihi jirey Cawrala Barre jeclaatay ninka la oran jirey Cali-Maax.

Cali-Maax wuxuu ahaa markaas afartan jir xaas leh, wuxuuna ahaa nin garaad fiican leh gabayaana ah, waxse nasiib darro ahayd inaanu sida wax loo akhriyo ama loo qoro aqoon, taasoo ay ka dhasheen dhibaatooyin waaweyn oo ka gaaray xaashadihii gabayada jecaylka sirta ahaa oo ay u dirtay Cawrali.

Haddaba, in kastoo sheekadani salkeedu yahay jacaylkaas dhex maray Cawrala iyo Cali-Maax, ula jeedooyinka ku jiraa loogana dan leeyahay, oo ay wax ka tusaalaynaysaa waa waxyaalaha hoos ku qoran.

b) Tan u horraysa, waxay wax ka tusaalaynaysaa dhibaatooyinka, danqaaraha iyo waxyeellada ay dadka u leeyihiin wax akhris la’aanta iyo wax qoris la’aantu.

t) Tan labaad sheekadanu, waxay tusaalaynaysaa heerkay haweenka Soomaaliyeed kaga jireen dhaqanka iyo murtida Soomaaliyeed, isla markaasna waxay muujinaysaa qaybtey jacaylka ka qaateen beryihii hore.

j) Tan saddexaad oo ah tan ugu qaaya weyn, waxay daaha ka qaadaysaa ruuxa waddaniga ah oo dalkiisa kalgacal u qabaa inaanu ahayn kan dib uga laabma ama ka cataaba hadduu dhibaatooyin iyo silic kala kulmo daryeelidda, ilaalinta xornimada, iyo gobannimada dalkiisa.

x) Tan afraad waxay wax ka tusaalaynaysaa samaha sinnaantu leedahay, iyo saymihii sinnaan la’aantii ka dhexaysey raggiyo haweenkii hore. Waxay kaloo isla mar ahaantii wax ka tusaalaynaysaa taariikhda, dhaqanka qotada dheer iyo caadooyinkii ummadda Soomaaliyeed.

Kh) Tan shanaad waxay wax ka muujinaysaa joqoraafiga iyo taariikhda gobolkaas Sanaag oo ah gobolkay ku dhasheen Cawrala iyo Cali-Maax, isla markaasna waxay tusaalaynaysaa faa’iidooyinka kalluunka cuniddiisu u leedahay dadka.

d) Tan lixaad waxay tusaalaynaysaa in haasaawaha iyo muranka lagu murmo af Soomaaliga ay lagama maarmaan tahay in murti, gabay, saar, geeraar, hees, guurow, jiifto, shirib iyo maahmaaho ay saldhig u ahaadaan, haddiise aanay murtidaasi ku jirin taageeraynna, wax kastoo lagu hadlo, fara kastana hadalku ha lahaadee, inuu qiimihiisu yar yahay. Sidaas darteed, waxay ka fursanwaa noqon weydey, inay sheekadanu gabay, maahmaaho iyo heeso ku dhisnaato, oo ay meelo badan ka soo galaan.

Haddaba, inkastoo berigaas magac heello la yiraahdo aanu jirin, hase ahaatee waxa jirey heeso la sansaan ahaa, laakiinse ay dhihiddoodu iyo habka ku luuqayntoodu ka duwaneyd heellooyinka haatan jooga. Markaas heesaha buuggan ku qoran iyagoo ah heesihii berigaas jirey baa misna sidii heesaha maanta jooga loogu luuqayn karayaa.

AFEEF: Ugu dambaystii, iyadoo sheekadani tahay mid run ah, hase ahaatee sidaan hore ugu sheegay aan qaarkeed xarxariiriyey, khaas ahaanna qaarkeeda dambe dheehdheehay, si ay taabba gal u noqoto, waxaa markaas iga afeef ah in haddii innaba wax dhaliil iyo daldalool ahi ka muuqdaan habka iyo hannaanka dhismaheedu yahay ay sabab u tahay afkeennoo aan hore u qornaan jirin, oo markaas aan hab la raaco qorriinkiisu lahayn hadda ka hor. Iyadoo ay misana dhibaatooinkaasi jiraan, saas looga harimaayo, waayo waxaa Soomaalidu ku maahmaahdaa canaan ka yaab reer ma doojiyo.

Midda kale dadka magacyadoodu buuggan ku qoran yihiin qaybna kaga jira sheekadan, laakiinse aanay wehelin Cawrala iyo Cali-Maax iyo raga gabayadoodii xigashada loo soo qaatay, waa magacyo dad dedan oo lagu dhisay sheekadan.

Faarax Maxamed Jaamac Cawl

Continue reading Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl

Seeskah Hiddada Soomaalida

SEESKAH HIDDAHA SOOMAALIDA
The Basic Traditional Education in SomaliaSomali Version
MUUSE GALAAL
MUQDISHO
Ogost, 1969


QAYBTA RUKUMMADA: (THE TITLES OF THE MAIN FACTORS)

i. Aqoon
ii. Xurmo waalid
iii. Xurmo culimo
iv. Dul iyo dad wad
v. Edab iyo Xishood – Xarraggo iyo Gobannimo
vi. Muslinnimada
vii. Wax-sheegnimo
viii. Dawo
ix. Garta
x. Dal iyo dad aqoon
xi. Hiyir iyo Hubsiino
xii. Feejigo
xiii. Waddaninnimo
xiv. Samir iyo Calool-adayg.

QAYBTA IYO SEESKA MURTIDA: (CATEGORICAL LITERATURES ON THOSE FACTORS)

1. AQOON

1. Ilaahay adduun ha ka baryin ee aqoon ka bari. (Hiddo)
2. Nin waliba kaskiisuu kor-tagaa. (Hiddo)
3. Aqoon yar edeb ku kaalmayso; itaal yarna asaboob. (Hiddo)
4. Waxaan ha deyine waxa ka shisheeya day. (Hiddo)
5. In dheer garato ragna waa ku yar tahay; haweenna kumaba jirto. (Hiddo)
6. Waayeel ha gurina ee wax aqoon gura. (Suldaan Diiriye Raage)
7. Nin rag ahna geel daaqsiintii baa wax loo mariyaa, doqonna qaanso kurkurkeed. (Hiddo)
8. Nin waliba kaskiisuu kor tagaa. (Hiddo)
9. Nin waliba intuu gaadhuu gooyaa. (Hiddo)
10. Rag aqoon talo-gal. (Hiddo)
11. Wale rag waa nooli
12. Nin aan waxa soo socda garani, waxa jooga ma garto. (Hiddo)
13. Dhar hu ma’ha ee aqoon baa hu ah. (Hiddo)
14. Ilaahow aqoonta ha naga habaabin; (Hiddo)
15. Nin dalleensan iyo naagahaa loo dedaa hadale; diirkaan ka garan xaajadaad, dabaqo saartaane. (Qamaan Bulxan)
16. Dushaan kala faqaa niman haddaan war u daliilayne (Salaan-Carrabey)


Waxaa la yiri afar nin baa walaalo ahaa. Nin wuxuu ahaa Caalin, ninna Geesi, ninna Deeqsi, ninna Abwaan. Afartii nin baa is qabatay. Waxay isku qabteen taladii reerka.

Caalinkii baa yiri, “Talada ha lay daayo, maxaa yeelay idinku caammaad tihiin. Nin caamma ihina waa nin indhoola. Aniga diintaan aqaan. Kolkaa waa inaad aniga talada ii deysaan.”

Markaasaa Geesi kacay. Wuxuu yiri, “Nimanyahow waa ogtihiinoo anigu geesi baan ahay. Nin alla ninkii soo duulana warankaygaas baan geliyaa. Haddaan aniga layga cabsanayna waa horaa laydin dhici lahaa. Kolkaas haddii aan anigu ahay ninkii idiin daafacaayey, dee waa in aniga talada lay daayaa.”

Deeqsi baa soo booday, wuxuu yiri, “Bal horta aniga deeqsi baan ahay. Waxaad ku dhaqantihiinna waa gacantayda. Iyada ayaa ragna idinka jeedisa, xirsixidhna idin ah. Maantayna rag ayaa hunguri ama il idinku dili lahaa. Kolkaa waa inaad aniga talada ii daysaan.”

Abwaankii oo u dambeeyaa kacay. Wuxuu yidhi, “War hooy bal saddexdiinuba saddex nin oo loo baahan yahay baad tihiin. Midkiinna lagama maarmo. Waxaase jira saddexdiina ninba meel gaar ah ayuunbuu wax-ka-qabashadeeda yaqaan ee reer ma wadi karo. Wadaadow adigu hanuuniyaad tahay, Geesiyow daafacaad tahay, Deeqsiyowna sooraad tahay. Aniguse dhammaantiin baan ahay. Ninka isku kiin wadaa waa aniga. Cilmi waa maxay? Dee waa caqli la ururshey. Geesina? Dee ka dirira uun maaha ee dhul badanoo kalaa iyana geesinnimo u baahan. Deeqina aqoon bay u baahan tahay. War aniga talada ii daaya.”

Afartii nin way heshiin waayeen. Markaasay aguugeen oo wax kala saara doonteen. Degmay u tageen. Waa u warrameen. “War na kala saara.” Degmadii waxay tidhi, “Bal waa tahaye Weeshu libaax affarran bay leedahay, habeen walbana qof baa loo xidhaa. Dee awel degmadaa habeenba qof u xidhijirtaye, dee caawa haddii Eebbe idin keenay horta ninkii iska soo saara.”

Sidaadii la yidhaa afartii libaax isa soo taagtay. Dadkii degmadana wayska dareeray. Hadday dhiillaabeen oo shib la yidhaa Abwaan kacoo yidhi, “War Caalin, diin inagaga akhri.” Suu ye, “Maantaruu libaaxu leeyahayoo, soo dhaaf.” Suu ye, “War geesi.” Suu ye, “Hubba ma sito.” Suu ye, “War Deeqsi!” Suu ye, “Qudheydaaba gaajaysan.” “Ma wada diiddeen? Bal hadda iga eega.”

Libaaxyadii buu ku jeestay, “War waa afarta libaax annagu nin waa idiin soo saaraynaa. Ninkase cad la yidhaa ‘Johorad’ oo cimriga dheereeya ayaa ku jira. Bal idinkuna kii calkaa cuni lahaa soo saara.”

Markaasaa gooshi soo booddoo tidhi, “Waa aniga.” Markaasaa aarkii dhirbaaxo qaadayoo dheg iyo dhaban fujiyey oo meesha ka tuuray. Say halkay isku qabsadeen. Cabbaar markay dirireen baa baranbarqadiiyarayd e dhaddigeyd tidhi, “Waa ani.” Markaasaa yarkii kale dhirbaaxo qaadoo dheg iyo dhaban jebshey. Markii afartii libaax labiyo labo isu qabsadeen buu yidhi, “War haye hadda intay qaybsanyihiin ee is haystaan idinna geesta kala gala.” Markaasay dusha kaga dhufteen oo afartiiba dhinteen. Dabadeedna degmadii baa soo baxday. Waxaa la yidhi, “War kiinnee shaqadaan fiican qaatay.” Waxay yidhaahdeen, “Abwaan.” Markaasaa la yidhi, Abwaanow lagu boqor; dunidana adigu u tali.” Halkaasaa Abwaan taliye ku noqday.


XURMO-WAALID (Respect for Parents)

1. Ilaahow wixii I dhalay ha cadaabin. (Hiddo)
2. Nimaad dhashay kuma dhalin, dhowaantaad u qabtana kuuma qabo. (Hiddo)
3. Nin waalidkiis noolyahay qosol uma bannaana. (Hiddo)
4. Waalid weedh xun laguma cesho. (Hiddo)
5. Ilaahow dadka aabbiyo hooyo. (Hiddo)
6. Aabbahaa iyo hooyadaa mid hal cadaabo afkaa ka hala haysa. (Hiddo)
7. Nin hooyadii guri kaga guuray, aayadii uma negaado. (Hiddo)
8. Habaar waa Alla maagid; oo inkastaad eray jaani iyo aweytuu qarisaan; ood ku wada dhuumataan, ninkaan waalidkii eray xun odhan, ehelu naar maaha. (Kete-fiqi)
9. Xabaalo waalid baa xoolo laga helaa. (Hiddo)
10. Nin walba habartii waw hal madheedha. (Hiddo)
11. Waalid-inkaar. (Used more commonly than its opposite, “Cuqle-waalid”)
12. Habaar waalid haankuu duudsadaa. (Hiddo)
13. Nin habaar waalid qaba hilin lagulama baqdo. (Hiddo)
14. Ishii waalid lagu deyey e tan biqin, ka lagu deyeyna hore waalidkii ugu deyey, oo kayd u yaal bay ahayd. (Hiddo)
15. Dhul waa waalid, Waalidna waa wixii la gashadaa. (Hiddo)
16. Nin dhashiisa arkow waalid ma wax loo dhirfa baa? (Hiddo)
17. Ninkii waalid quudhaa, wuxuu qoomammeeya, Markuu qoodhiyo xero ka deego ee uu labadiisa qar midna qaadan waayaa. (Hiddo)


XURMO-CULIMO (Respect for Religious Leaders)

MUSLINNIMADA

a) Weerdigiyo shahaada inaan weheshadaa weeye.
Weysada salaaddeed inaan waaxidsado weeye,
Wannahaarka soon inaan soor, wasna cunin weeye,
Waxaddayda maal inanan dago, waxar ku dayn weeye,
Wixii waajiboo idil inaan, wada gutaa weeye,
Waqfigii saxabiga inaan, waafaqsado weeye,
Wacad Eebbe iyo dhaar an maray, inan wafayn weeye,
Waalle beena abadkay inanan, welefedayn weeye,
Haddii aanan waalayn inaan, waabsanahay weeye,
Wallays iyo nin weyn inan xurmada, wada simaa weeye,
Nin i soo waciidsaday inaan, wax u lillayn weeye,
Wayi iyo wax-siin inaan Islaan, ugu wadaa weeye,
Wadaadkii kitaabboleh inaan, wan u qalaa weeye,
Welaalis inan meel dugoon ugu wadhaa weeye,
Walanqaha iyo dhayada inuu walamsadaa weeye,
Ina walabbanoo kale inaan, weger idhaa weeye,
Wax i sii hadduu yadhi inaan, waran daraa weeye,
Walbahaarka aakhiro inaan, wax u tabcaa weeye,
Waxsanoo an docniyo inaan, wax xun nacaa weeye,
Wagashnimo mafiicnaa e inaan, wabar noqdaa weeye

Sayid Maxamad


Degmo idil dad maal yaal ninkii, dux iga soo moodey,
Dug maanaa ka odhan kara bakhayl, derejo loo waaye.

Koor-Jaan


Saddex hal wayga maan dedan,
Ninka maranti doora leh,
Ee tu kale u marase tegey,
Ninka maal adduunyo leh
Ee marti Nebi kadhan dhigay.
Garta lays mocoorriyoy
Ay laba markhaati oogeen
Ee mooyi mooyi laga naqay.

Hiddo


Bakhayl nin maaha. – Maxamuud Cali Qablax

Beenlow waa fallalow. – Hiddo, Cabdullaahi Qarshi

Haddii murti kale oo ku saabsan Islaamka loo baahdo, ha la dhigto:

  • Gabayga Salaan ee ka bilaaba, “Cabdiyow wadeeciyo adduun, way ka bixiqaaye.
  • Gabayga Cismaan Sharmaake ee ka bilaaba, “Isinka Allaa…
  • Gabayga Sayid Maxamad ee ka bilaaba “Nin Ilaah yaqaan oo sharciga…

WAX-SHEEGNIMO (Being an Expert)

(I) Taawisha Roobka: (Weather Forecast)

(A)

  • Dab-shid, (Dab-tuur, Nanriish , Kalaguur, Is-tun)
  • Dab-shid ilaa dab-shid – 365 habeen
  • (Always 1st to 4th August)
  • Axal: og, war xaggee cirka axashiisu fadhidaa sannadka?

(B)

  • Sabbuux jimce laba ka weydaa wankaa-qaladle.
  • Awrkaa-qalad.
  • Diin iyo dameer-qalad.
  • Laba maalisley.
  • Laba maylinley.

(C)

Xiddig habartii waa waabberis, Wabbay ku bilataaba,
Ama weysha qala, bay ku odhan, way tabaaq dhigaye,
Ama weelka culo bay ku odhan, iyo wac iyo aabi.

(D)

Dambasamo wacaalkiis la qaayaa cir waakaday leh.

(E)

Bilo-Dirir iyo bilo dambasame.

(F)

Dirir-Gu: (Burco system)

  • Toddob, ama Hubar Adhi
  • Daydo, Amminla ama ceel-ka-geeye
  • Seerma-weydo, Sammuulad ama Fushade
  • Adhi Caseeye
  • Dirir Sagaare

II. GODAD: (Lunar stations)

Siddeed iyo labaatan godood:

  • Qadan
  • Distan
  • Laxo
  • Laax-Oor, Cadaad ama Galgaal
  • Agaali-Cas
  • Agaali-Cad
  • Afaggaal
  • Naaf-Cadde (Qambaar)
  • Naaf-Madoobe
  • Tar
  • Majin
  • Kuxdin-Awr
  • Naaso-Gaallo
  • Dirir
  • Garbo
  • Layaxow
  • Gudban
  • Lib-Cas
  • Khoorrey
  • Mareego-Dheer
  • Madhan
  • Faruur-Cirir
  • Jed-Kabaarre
  • Jed-Dhiriqle
  • Jed-Gaanale
  • Jed-Durruqle
  • Duugaanti ama Duugato
  • Farangaag
  • (29 iyo 30) Dulbad (laba habeen)

III. UUGTA (Planets)

  • Qorrax
  • Dayax
  • Dhayl-Guduud ama Dusaa
  • Maqal-Xidh-Xidh ama Maxaro-Xidh
  • Saxal
  • Mariikh
  • Cirjiidh, Gobdhawr ama Saxal-Cadde
  • Kurjub

IV. BILAHA MAGACYADOODA: (Somali names for the 12 months)

  1. Sako ama Dago
  2. Rajal-Hore ama Naal-ma-doone
  3. Doone Rajal-Dhexe Ban-Dambe
  4. Rajal-Dambe
  5. Bil-Dhurro-Hore ama Safar
  6. Bil-Dhurro-Dambe ama Mawliid
  7. Sabbuux ama Aw-Cismaan
  8. Waabberiis ama Aboowsan
  9. Soon
  10. Soon-Fur
  11. Sidataal
  12. Carafo ama Arrafo

V. XIDDIGAHA CAANKA AH: (The most significant stars and constellations)

Hal-Toddobaaddo, Wadama-Xooro; Jaah, Jiitin-Cirir, Awr-Cir, Ximin, Xoomir, Dirir-Dirir-Dhawr, Dambasamo, Dhex-ka-shilis (Moodiyo Sagal)

VI. XILLIYADA: Seasons

  • [Xilli Gu]
    • Gu
    • Xagaa
  • [Xilli Jiilaal]
    • Dayr
    • Jiilaal

VII. DABAYLAHA: (Winds)

Hoohad ama Foore
Xagaashin ama Khariif
Jiilaashin
Bari-ka-Dhac
Laydh
Walwal
Ufo
Leexo

VIII. KULKA: (Heat)

Kaad
Kil
Hanfar, Hanfi ama Xanfar
Hannas

IX. QABOWGA: (Cold)

Qabow
Geydh
Dheel
Haamadday

X. ROOBKA: (Rains)

Shuux
Tumay
Hogol
Jir
Mahiigaan

NOTE: All materials under this above heading are traditional.

DAWADA: (MEDICINE)

1. Dhirta dhiigga joojisa: (Anti-Hemorrhage plants and medicine)

a) Wancad, ama Sooma-gale ama Soonah: Xididkeedaa la qaniinaa ama la calashadaa.
b) Waxaro-waalis: Ubaxeeda, diirkeeda ama xididkeedaa nabarka la saaraa inta la calasho ama la tumo.
c) Gunre: Caleentiisa ama qolofta ama xabagtiisa ayaa nabarka la marshaa, amba asalkiisaanabarka lagu maydhaa.
d) Ridmo: Waa caws gaaggaaban oo dhulka ku rambaadha. Xididkiisaa la calashadaa.
e) Dareemo: Xididkeedaa qofka dhiigbaxaya afka loo geliyaa la yidhaa calasho, ama la tumaa nabarka lagu shubaa ama la marshaa.
f) Sarin: Xididkiisaa la tumaayoo nabarka dhiigbaxaya lagu shubaa ama la marshaa.
g) Kariiri: Caleenteeda oo la tumay ama la calashey dheecaankeedaa lagu tif siiyaa.
h) Gororkana: Uneexada xididkeedaa lagu dheecaanshaa.

2. SHARBADAHA: (Laxatives and Tonics)

  • Jalcelo ama salalmaki: Geedkoo dhan baa la karshaa biyihiisa inta la shaandheeyo la cabbaa.
  • Xabag: Hadi biyaa xabagta lagu qooshaa, dabadeedna inta la shaandheeyaa la cabbaa. Dabeedna calooshaa baxda kaadiduna waa badataa dabeed kalyahaa safooba.
  • Dacar-biyoodda: Nakhligeeda yar ee markaa soo baxay oo loo calaashado oo biyo lagu qooshayna biyeheedaa la cabbaa.
  • Geedkase ugu xoog weyn waxaa la yidhaa Bogox-u-jeed, badhidiisaa la cunaa , dabeedna caano dhayaa laa dhamaa.

3. QARAARIS: (Antidotes against snake bites)

  • Toon
  • Basal
  • Xildiid
  • Timir
  • Sonkor

4. QUFACA: (Against T.B.)

  • Badhi idaad oo la cabo.
  • Tiiraha oo la karsado.
  • Gaggaboodka oo isagana xididkiisa la tumoo la karshoo inta la shaandheeyo sida shaaha loo cabo.
  • Subagga gorayda oo la cabbo.

NOTE: All the materials given under this above heading are based on traditional, also.


GARTA: (Law cases)

DAL IYO DAD-AQOON: (Geography)

HIYIR IYO HUBSIINNO: (Carefulness)

FEEJIGO: (Caution)

WADDANINNIMO: (Patriotism)

1. Yaahuu. (Axmed Gurey)

SAMIR IYO CALOOL-ADAYG: (Being Resolute)


ANNEX (I)

Minanka Faalka – (The main stations of the future telling)

Faalku waa toddoba iyo toban min. Saddex meelod ayaanay u qaybsan yihiin. Meeli waa laba min. Meelina waa afar iyo toban. Min Meesha hadhayna waa hal min. Lixiyo toban laballabay u walaale tahay. Waa kuwane baro:

1. Jamiic
2. Dariiq

[Min Toddobaaddo]

3. Laaxiq
4. Inkiis

5. Ximre
6. Bayaad

[Min Gobaaddo]

7. Baanyaale
8. Garbo-maar

9. Cuqle
10. Istamiic/Caynsare

11. Qabqable
12. Min Subagle

[Min Shanaaddo]

13. Wadaha-Weyne
14. Guntane

15. Min Yulkhad
16. Kowshac

[Dhaar]

17. Saddex Alif

Maansadii Hore ee Soomaalida: Geela, Fardaha iyo Haweenka

Maansadii Hore ee Soomaalida: Geela, Fardaha iyo Haweenka

Ummad kasta waxay qaran ku noqon kartaa afkeeda, taariikhdeeda iyo dhaqankeeda. Af-Soomaaliga aqoonyahanadii cilmi-baarista ku sameeyay, shisheeye iyo sokeeye mid kasta ha ahaadeene, markay u dhabba galeen ayna dhuuxeen waxay ka marag fureen oo qireen in af-Soomaaligu yahay af hodan ah, cilmi ahaan iyo suugaan ahaanna loogu dhaqmi karo.

Haddaba labada buug ee kala ah: Maansadii Hore ee Soomaalida ee Geela, Fardaha iyo Haweenka iyo Hilimada Maansadii Hore ee Soomaalida waxaa ku qoran 270 maanso oo nooc walba leh. Maansooyinkaa waxaa la mariyay ama la tiriyay muddadii u dhaxaysay 1800 ilaa 1950kii, waa qiyaas ah 150 sano, markii loo eego suugaantii muddadaa la mariyay ama la tiriyay waxaa la oran karaa waa boqolkiiba-1 ama in ka yar.

Tusmada Qaybta Geela

Ammaanta iyo Tilmaanta Geela
Geela Asalkiisu Xaggee ka Yimid?
Ilaahii *aheenna
Geela
La Yaabka Geela

Heerka Geelu Soomaalida ka Joogo
Geela Heerka uu Soomaalida ka Joogo!
Ammaanta Geela
Maandhoow Ninkaan Teeyo Dhiqin
Gar-Gunteeda Arooryo
Sanbey Adigaa Leh
Geel Nimaan Dhiqini
Geela ma Wax Lala Simaa Jira?

Dhaqidda iyo Dhaqaalaha Geela
Geela Sida Loo Dhaqaaleeyo
Boga Daawad
Dhaqasho Waa Geele!
Allow Yaa Ammaan Geel u Hela
Darajadda Adduun
Dhaqasho Waa Geel
Dhaqaaleynta Geela

Geelu Dadka Ma Af Yaqaan?
Geelu Dadka Ma Af Yaqaan?
Qarfadaada Meer!
Cartaney Cammuud la Leyska Qaad
Aweyahow Sallagan
Hal Baa *ahay!

Dhac iyo Duulaan
Dhaqasho Geel!
Yu’asho Geel
Yu’asho Duullaan
Hi*weyn Waa la Tagnaa!
Dhac iyo ku-Digasho!
Maxamed Loo Sheegye!
Halab na Beer-Qaadday
Sheeko Xiiso Leh
Indha-Badane!
Qaayib!
Waa Lagu Dhintaa Geel
Waa Had iyo Laayaan!
Hashaan Heensuhuu Siday!
Iyadaa Murkaha Buuxisee
Aakhiru Da Soo Hayaa!
Haddaan Xaajiyadu Weerareyn!
Ninkaan Shiriyo Heemad Lahayn!
Ma Xayeeshi Baan Dhacay!
Indha Taagwiley
Waa Dhaawac Nagu Yaal

Fiiro Gaara
Ammaanta Riyaha!
Gabayga Riyaha iyo Ammaanteeda
Heesaha Geela
Gunaanad

Tusmada Qaybta Fardaha

Fardaha iyo Diinta Islaamka
Soomaalidii Hore iyo Fardaha
Kala Dooro Ashkir-Heelli iyo Gabadha
Weehadow Faraskayga
Col Haddii la Wacaayo
Gammaan Waa Magac Guud
Kalalaaga Afkiisa
Waryaa Hooy Galaboowow
Qalasow Faraskayga
Imisaan ku Dhaqaayey
Korommada Miyaan Kuu Luray?
Xamarow Xamarow
Jeedalkayga Bacdiisa
Weris Halay Raacsho
Xadhiga Iigu Soo Qabo
Neefyohow Samaysane
Toolmoone Neefyohow
Garaadoow Bil Laba Kawsataan
Sheeko Xiiso Leh
Garaadow Burqiyo Muuga
Soomaalidii Hore iyo Fardaha Aqoontooda
Sheeko Caan ah
Gunaanad

Tusmada Qaybta Haweenka

Ammaanta iyo Tilmaanta Haweenka
Lagu Mood Hillaacii Mudh Yidhi
Buulalayr la Moodyeey!
Dhafka Timaha
Arrin Dhacay Mullaaxoy
Magool Galbeed
Guur Aan ka La’aado
Ma Hayo Saarkaygu
Hiddaa Dumarka Loo Guursadaa
Arday iyo Sidii Macallim Baan
Dhallaan iyo Sidii Macallim
Khaatumadu Yay Kaa Xumaan
Waano Gaara
Muhiyaay Malkada Xiintadii
Hagoogta Iska Qaad
Naa Hooy Habeen iyo Dharaar
Waano iyo Wax u-Sheeg
Gaari iyo Goombaar
Afar Seban ma Arag
Hadal Waa Gun iyo Maxamedow
Aftahammada Haweenka
Qaybta Nolosha
Ammaan Guud ee Dumar
Gabay Kooban
Gunaanad

Damac Rag iyo Qurux Dumar
Hordhac
Raage Ugaas iyo Faarax Wiil Waal
Faarax-Afxakame, Cali Duullane iyo Tafadhiig
Qamaan Bulxan Yuusuf iyo Barni Shiikh Cabdulle
Cawad Khuurshe iyo Qarad Diiriye
Cali Maxamed, Faarax Axmed iyo Cawrala Xaaji Faarax

Geela Asalkiisu Xaggee ka Yimid?

Waa su’aal aan jawaab lahayn, hase ahaatee sida maansada iyo suugaanta Soomaalida iyo sheekooyinka maqalkooda dhegtu u jeesho inkastoo aan raad raac la hubo loo heyn waxay yidhaahdaan: Geela waagii hore waxa lahaa oo dhaqan jiray jinniga kadibna insiguu mag u siiyey. Haddaba sheekadu waa sidee?

Sheekooyinka qadiimiga ah ee ku tidhi kuteenta ah waxay tebinayaan in markii Qaabiil walaalkiis Haabiil diley, ilma Aadam waxay degganaayeen buurta Qaasiyoon hoosteeda, waa buur aad u weyn, oo magaalada Dimishqi ee caasimadda waddanka Suuriya dusha sare ka soo eegeysa. Halkaa waxa lagu sheegaa meel barakaysan, waxana haatan lagu arkaa raadadkii hore iyo xabaalihii anbiyada iyo ummadihii waaya hore meeshaas degi jiray.

[sawir geela]

Xilligaa Qaabiil walaalkiis Haabiil diley, aabbahood Nebi Aadam wuxu socdaal ugu maqnaa arlada Hindiya, markuu soo noqday oo loo sheegay ama ka war helay dilkii Haabiil, aad ayuu uga xumaaday. Qaabiil waa cararay oo wuxu ka baqay in aabihii ciqaabo. Wuxu galay buuraha dhaadheer ee magaalada Cadan. Halkaas waxa degganaa quruumo jinni ah. Qaabiil waa toloobey oo wuxu la toloobey ummadihii jinniga ahaa, naagna waa ka guursaday waana la dersey, tolkiis oo insi ahaana waa ka fogaadey, cabsi daraadeed, hase ahaatee waxa ku dhacay go’doon iyo wehel la’aan, waayo jinniga iyo insiga dabeecaddoodu waa kala duwan tahay oo ma wada dhaqmi karaan.

Qaabiil markii uu cidladii iyo qaladii u adkeysan waayey ayuu jinnigii uu xididka la ahaa la tashaday oo dareenkiisii u sheegtay. Jinnigiina iney seedigood dayacaan waa ka xishoodeen, waxayna talo ku gaadheen in ay insiga la heshiiyaaan, oo magtii Haabiil Qaabiil ka bixiyaan. Markii la wada hadlay insigii taa waa oggolaaday hase ahaatee waxay yidhaahdeen, “Magta geel baad noo siinaysaan!” Jinnigii shardigaa ma jeclaysan.

Insigu waagaa geel ma lahayn mana dhaqan jirin, jinniguna ma oggolayn in insigu geel yeeshaan. Magtii Haabiil baa laga wada hadlay, waxana lagu heshiiyey in insigu 100 halaad oo magtii Haabiil ah qaato Qaabiilna la cafiyo.

Jinnigii waxay goosteen in la siiyo insiga boqol halaad oo dhaddig oo galoof ah, waa in geelaa aan awr ku jirin, hal rimmanna lagu darin, waa in geelaa magta loo bixinaayo mid mid loo hubiyaa oo loo wada gooja dayaa, iyagoo taa ula jeeda in geelaa insigu qaatay aanu tarmin oo dabar go’o sidaasna waa in aanu insigu marna geel u yeelan.

Jinniga geeliisa maalintii daaqsin looma foofiyo waa xereysan yahay. Waxa geelii laga xulay boqol halaad oo aan mid rimman iyo awr ku jirin, waxa la siiyay insigii oo u qaatay magtii Haabiil. Hase ahaatee, nasiib darro, waxa geela ku jirtey hal dabadu go’an tahay oo rimman oo dabo ay ku goojiso aan lahayn. Sida sheekadu leedahay, insigii geelii waa qaatay, hal daba la’ oo riman baa geela ku jirta, culimadii jinniga ee geela aqoonta u lahayd ma garan hasha rimman.

Hashii dabada go’nayd awr bay dhashay, awrkaa ayaa insiga geelii u abaahiyey. Si kasta arrintu ha ahaatee, waxa la yiraahdaa geela asalkiisu halkaas ayuu kasoo jeedey, wuxu ahaa xoola jin.

Haddaba iyadoo Soomaalidu geela aad u jeceshahay haddana waxay yidhaahdaan, “Geela jinni baa wax ku leh, oo dhibtiisa iyo dheeftiisu waa badan tahay.” Aan isla aragno masafada soo socota qaybteeda dambe:

Soomaalidii Hore iyo Fardaha

Inta raad raacooda la hayo, qarnigii 18aad ilaa qarnigii 20aad waaxdiisii hore, gayiga Soomalidu degto farduhu waxay u joogeen si xad dhaaf ah oo aan qiyaas lahayn, dhaqashadooda iyo dhaqaalahoodaba waa laysku hawli jirey waana lagu dadaali jirey wax tarna waa lahaayeen.

Fardaha waa lagu duuli jirey, deeq iyo xarragaa la isu siin jirey, yarad baa loo kala qaadan jirey, waa la kala iibsan jirey. Waddo kasta ha loo maree, fardaha doonistooda iyo haysashadooda waa lagu dadaali jiray, waxa loo adeegsan jirey dagaallada, duullaanka iyo difaaca, weerarka iyo raacdada markii geela la kala dhaco.

Hab dhaqanka Soomaalidu siduu waagii hore ahaan jirey, waxa jirtey maahmaah fil weyn oo oraneysa, “Qabiil aan faras lahayn iyo quruun aan geel lahayni midna qiima ma leh.” Waagii hore waa la quursan jirey ninkaan faras lahayn, sidaa awgeed xarbi iyo xarrago mid kasta ha loo haystee, fardaha waxa loo dhaqi jirey ama loo xannaaneyn jirey heerka ugu sarreeya afarta waryahaad ee xoolaha Soomaalidu dhaqato. Fardaha waa la xirrin jiray, waa la subag siin jirey, ceelka ay ka cabbayaan iyo cawska ay daaqaanna waa loo gaadan jirey, faraska ku dayaana waa loo doori jiray. Dhan laga eegaba dhaqaalaha fardaha iyo lexjacladooda kalgacalo weyn baa loo lahaa, taasina waxay ahayd waxan la qiyaasi karin.

Qarnigii 19aad dabayaaqadiisii waa markey dagaalladii Daraawiisheed bilowdeene, Soomaalidu waxay u kala qeybsatay 6 gobol, hase ahaatee aan kala qoqobnayn, waxa ka jirey tartan iyo beretan colaadeed, duullaamo iyo weerar xoolaha lagu kala qaado. Sida sheekooyinka, gabayada, geeraarrada iyo guud ahaan suugaanta Soomaalidu ka marag fureyso intaan gumeysigii reer Yurub waddanka Soomaalida soo gelin, nin qaangaar ah oo aan faras baxdow ah lahayn ma jirin, ninba ninka faraskiisu ka dheereeyo ama ka caynaan wanaagsan yahay waa la tixgelin jirey, waxa jirey beretan fardaha la isugu faano.

Haddaba heerka sare iyo meesha Soomaalidu farduhu ka joogeen waxad ka garan kartaa gabayada iyo geeraarrada ay fardaha kaga warrameen waxtarkooda, ammaantooda iyo sidey ugu dheeraadeen gabayo kala duwan oo laga mariyey gobollo kala fog iyagoon isu war hayn gabyaana aanu gabyaaga kale aqoon.

Lagu Mood Hillaacii Mudh Yidhi!

Cabdi-Gahayr

Guud ahaan Soomaalidu aad bey haweenka quruxdooda iyo qaayahooda u amaantaa, gabdhaha tilmaantoodana waa ku dheeraadaan, gaar ahaan marka la soo xero-gelinaayo, in kastoo gabayada laga mariyey dureemada ka tira badan yihiin, ugu horreynta aan soo qaadanno gabay quruxda ku saabsan oo uu mariyey Cabdi Warsame oo ku magac dheeraa Cabdi Gahaydh.

Marka horeba guur waa milgiyo, maarsi kala waaye
Ragga qaarse uma meel dayee, weyska mehershaaye
Anna waxaan ka miidhaa halkaan, laga masuugeyne
Hadaan lala mashaawirin tolkaa, adiga oo maal leh
Oo lagama maarmee tashiga, odayo loo meerin
Ninkii keligii maalootiyaa, meel xun wow halise
Lagu mood madiixoo dhashiyo, sidigti Maadhiine
Lagu mood madheedh u egey, dahabka Maarseeye

Maxamuud Garaad oo fardaha, madal ka jeedlaaya
Lagu mood maqaanii sudhnaa, madaxa shaalkiiye

Magaalada Berbera maalintii, madasha loo joogey
Lagu mood hillaacii mudh yidhi, ee muuqday labo jeere

Baddoo murugtey minawaaradoo, macallinkii dhoofshey
Oo mawjaduhu wada qarxeen, muulka laga yaabay
Lagu mood tiriiggii Cadmeed, muxibbadiisiiye

Haddii Carabta qaar waa midgo e, muranto ruuxeedu
Dar baa midigta weligood lagaa, maydhaxdii boqore
Lagu mood makuukiga hablaha, madaxdii reer Suure

In la maro madow iyo caddaan, muumin iyo gaalo
Sida geedka maawered waa, muunad gooniyahe
Lagu mood dhirtii maacaleesh, midabadeediiye
Lagu mood magaalada Bumbeey, macawisii yiile
Lagu mood muraayad aan lahayn, miridhku waa ceebe

Maarseeye: Maarseey, magaalo ku taal dalka Faransiiska.
Maxamuud Garaad: Qaybaha Dhulbahante qabiil ka mid ah.
Cadmeed: Cadan, magaalo koonfurta Yaman ku taal.

Godadle: Dhacdo Dhab ah

Godadle: Dhacdo Dhab Ah
Kala Qarisaye Maxaad Hadda Qaban?

Suldaan Nayruus

Published by:
SCANSOM PUBLISHERS
Box 6118, 175 06
JARFALLA, STOCKHOLM, SWEDEN

scansom@scansom.com
scansom@hotmail.com
www.scansom.com

ISBN 978-91-85945-61-0

Daabacaaddii Labaad, 2016

Copyright © 2016 Scansom Publishers

AFEEF

Guud ahaan Buugga

Akhriste, Allaa ma gafe ahe, inta aad buuggaan akhrineysid, haddii aad aragto khalad higgaadeed, ka-gaabis soo- gudbineed, ku-tacaddi dhaqameed ama gef diimeed, waxaa si sharaf leh lagaaga codsanayaa, in aad iigu soo hagaajisid einwaankaan: navruus@gmaii.com si aan dib ugu eego, si markaasi, ay daabacaadda dambe u noqoto mid ceeb-ka-saliim ah. Waxaad kale oo aad faalladaada u diri kartaa shirkadda buugga daabacday. scansom@hotmail.com | scansom@scansom.com | www.scansom.com

Akhris Wacani

MAHAD-CELIN

Waxaa abaal aan abid gudi karin igu leh sarreeye (SWT) oo mmcooyin aanan tirin karin igu mannaystay, oo midda ugu yar ay tahay, in uu igu dhaliyey qoridda buuggaan, dabadeedna i tabantaabiyey ilaa aan ka idleeyey.

Waxaa ammaan iyo mahad iga mudan qoyskii uu dhibkaani qabsaday, oo si geesinimo leh wax walba iiga warramay, markastana ila soo xidhiidhayey, oo waxa uu qof kasta iga hilmaamey oo gadaal kaga soo maaxda dib iiga soo sheegayey.

Waxa aan jeclahay in aan halkaan ugu mahad-celiyo shakhsiyaad si gaara ii caawiyay intii qoridda buuggaan aan ku guda jiray. Waxa aanan hilmaami karin, abaal weynna buuggaan ku leh Md. Shaafici Maxamuud Ciise oo si hagar la’aan ah iiga taageeray hannaan-tixidda cinwaannada buugga, waxaa uu sidaa oo kale talooyinka wax-ku-ool ah ka bixiyey meel kasta oo qoraalka buuggu uu marayey.

***

Waxaa abaalkaas oo kale buuggaan ku leh Md. Maxamuud Yuusuf Culusow, C/risaaq Maxamuud Yuusuf (Raasi), Cabdullaahi Maxamed Sheegow, Axmed Maxamed Dhicisow, Siciid Birmad Cigaal, C/rixmaan Cusmaan Maxamed iyo Warsame Maxamed Xasan, oo buuggaan -inta uusan daabacaad gelin – isha mariyey, higgaad-saxay, kuna soo kordhiyey talooyin buugga kaabay. Waxa aan marnaba maankayga ka go’i karin Md. C/casiis Maxamed Ciise iyo

Mustafe Maxamed Xaashi, oo iyaguna door lama illaawaana igala qaatay allifka, deel-qaaf-sixidda heesaha iyo geeraarada sheekada ku laran, oo ah kuwo cusub oo loogu tala-galay in dareenka jilaayaasha si wanaagsan loogu muujiyo.

Waxaa jiray dad badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin, laakiin kaalin muhiim ah ka qaatay soo-saarista buuggaan, waxaa ayna ku qoran yihiin maankayga, waxa aan leeyahay mahadsanidiin dhammaantiin walaalayaal.

Qoraha buugga

***

GOGOLDHIG

Buuggaan loogu wan-qalay “Godadle”, waa buug uu qoruhu si murriyadeysan ugu soo gudbinayo sheeko la yaab leh, oo magaalada Xamar ka soo shaac-baxday dabayaaqadii sannadkii 2013kii. Waa sheeko dhab ah, oo qoruhu la kulmay, si wacanna ula sheekaystay cidda ay ku dhacday, dabadeedna qalinka inta u qaatay si xardhan u soo tebiyey. Sida ay codsadeenna, waxaa uu maldahay magacyadii qoyska iyo meelo yar oo ka mid ah raasaska.

Waxaa ay qisadani qabsatay nin Godadle ah oo, gabdho ugub ah, inta uu qalbiga ka xaday, dabadeed qolal mugdi ah, si qarsoodi ah ugu kala mehersaday, iyaga qudhoodii iyo dadkiisiina kala ka qariyey. Intii uu gabdhahaas marxaladaha kala duwan la marayey, waxaa uu isticmaalayey magacyo iyo cinwaanno kala geddisan, si uu uga raad-gato, in la aqoonsado rugihiisa. Waxaa ay taasi dhalisay, in fal-fal- xumadii uu kula kacay qalanjooyinkii curdanka ahaa ay miraheedii oo murugo isu beddeshay, isaga gadaal ugu soo guryo noqotay, taas oo keentay in ay maanta ka soo harto hogasho iyo dhabbanna-hays uu mararka qaar ku sigto, in uu is-dilo, si uu facsharka iyo cawaranta uu dhax-fadhiyo si fudud isugu dhaafiyo.

Isaga ayey qabsatay, isaga ayaana ah matalaaga ugu weyn ee sheekadan, waxaana loogu yeerayaa Dhimbil oo ah magaca abkowgiis ee uu isugu sheegay Raxmo, oo iyadu qudheeduna ka mid ah jilaayaasha qisadan. Waxaa sidaa oo kale sheekadan ku jira Xaasaskiisii kale ee Xamdi, Shaqlan (iyo walaasheed Xamiido oo ay hadda u dhaxdo) iyo Xaawo, oo aad arki doontid waxa iyaga iyo Dhimbil dhex mari doona.

Waxaa sidaa oo kale aan ka marnayn qisadan Faarax oo ay u dhashay Raxo, Samsam oo ay u dhashay Xamdi iyo Nasiib oo ay u dhashay Shaqlan, oo iyaga aan is- aqoon is-guursan doona, laakiin Alle mar dambe u sacabbo gogley. Waxaa kale oo aad ku arki doontaa sheekadan walaalkiis Nuur oo guursan doona – isaga oo aan ogeyn – Raxmo oo uu horay u soo furay iyo Walaashiis Safiyo oo carruurta ay eeddada u ahayd – oo aysan garaneyn – gurigeeda ku aqal galeen, iyo aabbihiis Axmed oo – isaga oo aan la socon – ay gurigiisa ku noolaayeen Samsam oo uu awoowe u yahay iyo Xamdi oo uu soddog u ahaa. Isla qisada ayaad ku arki doontaa walaashiis Aamino iyo Raxmo oo iyaga oo aan is-kasayn xoogaa Boosaaso ku wada noolaa, abaalna isku yeeshey.

Waa buug, danta uu qoruhu ka leeyahay ay tahay, in si habboon loogu soo tebiyo gabood-failada uu geystay Godadle iyo dhaqan-ku-tacaddiga halkaas ka dhacay iyo weliba mirihii ka soo baxay falaadkiisii. Waxaa kale oo loogu talo-galay, in uu noqdo wacdiye iyo dige ay akhriste- yaashiisu ku cimri-qaataan, ayna noqdaan iyaguna farriin- qaade-yaal xogtaan sida ay tahay u tebiya, iyaga oo buuggaan u tiirinaya sheekadaan in ay ka soo dheegteen, si markaas doorka buugga uusan u sheelmin.

Waxaa sheekadan loo qeybiyey afar qeybood, si akhristuhu ay ugu fududaato, in uu la socdo qeyb kasta iyo waxa ay sida gaarka ah uga hadlayso, dabadeedna u xasuusto waxaa ay qeyb walba ka sheekeynaysay, uguna sahlanaato akhriska iyo sida ay qisadu isugu xiran tahay.

Waxaa sidaa oo kale buugga loo qoray qaab soo jiidasho leh, oo akhristaha xiiso gelinaysa, iyada oo loo adeegsaday farshaxan-qoraaleed heer sare ah, oo af-guri ka idil, oo akhristuhu uusan ka daalayn, dareenkiisa bed-beddelaysa, isla markaasna, siyaalo kala duwan uu uga faa’iidi karo.

Yaanan lagaaga sheekeyne, bal adigu akhri qisada, dabo iyo dacal, oo bal arag marxaladaha kala duwan ee ay qoyskaasi wada mareen.

A. M. Dhicisow
Tafaftiraha: Wargeyska Xamar iyo Wargeyska Codka Soscensa
Maarso 2014
Xamar

QEYBTA KOOWAAD

SAMATAR AXMED JAAMAC DHIMBIL, waxaa uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qeybtiisii 26aad ee Waqooyiga Soomaaliya. Waxaa uu ahaa nin da’da 40ka madaxa kala baxay, oo dhererkiisa iyo dhumucdiisuba meel-dhexaad yihiin. Waa nin dhan walba iska la’eg, jir-dhisan oo murqo go’an, midabkiisuna yahay casaan, iehna timo madow oo jilicsan, dhabanna-shuban isla markaasna leh san-qaroor qurux badan oo aad mooddo in wejigiisa lagu jimeeyey. Waxaa uu ahaa nin sare, oo ay misena ka muuqatay ladnaan iyo liibaan nololeed. Waxa uu ahaa khabiir ku takhasusay arrimaha ciidanka, oo tababarro badan oo ciidan dalal kala duwan ku soo qaatay, taas oo u fududeysay in uu isku helo deraj o sare oo ciidan iyo magac iyo maamuus sare oo uu ku dhex yeesho Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaa uu degganaa Magaalada Hargeysa oo ay ku tiillay qeybta ciidan ee uu ka tirsanaa, waxaana halkaas u degganayd xaaskiisa weyn ee Xaawo, oo ay in muddo ah is-qabeen, laakiin se, wax carruur ah aysan u dhalin.

Inta uusan ciidamada ku biirin, waxaa uu ahaa nin ku dhex jirey xeero subag ah, maadaama uu ahaa madi, aabbihiisna ahaa maal-qabeen. Sidaas daraadeed, waxaa uu ahaa wiil uu soo koriyey odaygaas malyan-dheerka ahaa, taas oo kool- koolintiisii badnayd iyo dhaqaalihii bilaa-xisaabka ahaa ee uu ku dhex jirey ay ku kallifeen, in uu dhaqan-xumo hoose bilaabo oo ay ugu darnayd; balwad iyo baacsi dumareed. In muddo ah oo uu arriraahaas si hoose u dhooba- waiaaqanayey, waxaa ay markii dambe keentay fagaaraha, isaga oo ka saaqiday waxbarashadii iyo howl-Ia-qabadkii aabbihiis.

Haddii in muddo ah howlahaan looga caal waayey, waxaa uu aabbihiis ku fekerey, in uu ciidamada ku daro, isaga oo isla markaasna u guuriyey gabar ay ehelo hoose ahaayeen oo la yiraahdo Xaawo Dhamuuke, oo ahayd gabar tacliin diineed iyo raid raaaddiba leh, kana soo jeedday qoys gob ah, oo ehlu-diin ah.

Xaawo, waxaa ay ahayd inan ay isha ku wada hayeen dhailinyaradii Hargeysa joogtay oo dhan, raaadaama ay ahayd gabar aqoon-yahanad ah, dhawrsan, af-gaaban, indheer-garad ah, isla markaasna joog iyo Jamaal Eebbe isugu daray. Waxa ay ahayd gabar dheer oo dhumuc- dhexaad ah, dhexdana u yar, lehna midab maarriin casaan xigeen ah oo aad u iftiimaya. Sanka dheer ee xoodan, indhaha yara waaweyn ee xirribaha dhaadheer ku daaharan yihiin, sunniyaha qaansa-roobaadka la moodo, afka madow, foolasha wejiga iyo kuwa koodadka iyo dhammaan qaab- dhismeedka kurka ee la isku sargooyey, gacmaha siideyska ah, kubabka waaweyn iyo haybad-u-socodka waa midda looga hari waayey oo rag badan dawakhisay.

Inkasta oo rag badan oo la soo xiriiray aysan ka hoos- qaadin, laakiin wiilkan hadda lagu daray, horay ayey isku dugsi u wada dhigan jireen, aad ayeyna uga heli jirtay, maadaama uu ahaa wail soo jiidasho leh, bashaash ah, balacsan, ladan isla markaasna ahaa madi uu gacanta ku hayey aabbe dhaqaalaysan, laakiin markii uu waxbarashadii ka saaqiday, ciyaal-suuqoobey, maqaafaadna uu noqday ayey ka calool go’day. Inkasta oo ay markii hore ka madax adaygtay, laakiin markii uu aabbaheed, hooyadeed iyo qaraabada oo dhan ka codsadeen, kuna cadaadiyeen in wiilka loo soo doonay ay guursato, ayey markii dambe yeeshey, iyada oo is-lahayd “Adiga ayaa beddeli doona oo gadaal ayuu ka wanaagsanaan doonaa”.

Waxaa ciidamada loogu daray, in uu asluub iyo dhaqan wanaagsan ku yeesho iyada oo Xaawo-na loogu guuriyey, in uu ku dego, kuna xasilo isla markaasna uu joojiyo suuq- wareegga iyo shaxaari-nimada.

Waxaa uu ahaa wiil labbis badan oo muunadda ugu dambeysa dharka ka xirta, kuwa uu subixii ku soo baxo galabtii ma qaato. Waxa uuna ku dhaashtaa timaha saliidaha ugu casrisan, isaga oo isku buufiya carfiye yaasha iyo cadarada ugu dambeeya ee Faransiiska iyo Carabaha laga keeno. Si kale kuma fahantide, waxaa uu ahaa nin xarrago darteed is qal-qalloociya, is-goodaadeeya, lugaha kala fog- fogeeya, oo u socda si shanqar-tirasho leh, oo aad mooddo in uu wax gaadayo. Dadka qaar waxaa ay u yaqaanaan islaweyn, sababta oo ah, dadka, kuwii darajo ahaan iyo nolol ahaan-ba ka hooseeya il-qooraad buu ka dhugtaa.

Uma joojiyo mana ixtiraamo waxa aan ka ahayn gashaanti dhammaystiran oo markaas madaxa la soo baxday, oo marka ay soo jeeddo horaaddadeedu diraca ama cambuurka soo taraarayaan, misena aan socodkeeda la ruxmeyn oo gigtiran, marka ay sii jeedana qaarka hore u dheer, dhexda u yar, gadaalna u kuusan. Sababta oo ah, waxaa uu ahaa nin naago jecel, shukaansi badan, oo shabeel-naagood ah, oo hadba gabadha uu arko oo nuuraysa ku dhagsada, iskuna taxalujiya in uu soo xera-geliyo, mana jeclayn in ay dadkiisu ogaadaan afaarihiisa.

Inkasta oo ay xiriirkiisa dumar badnaayeen, waxaa uu isku deyi jirey in aysan is ogaan oo uu kala weeciyo khadadka ay ku qulqulayaan jacaylladiisa kala duwan. Ma uusan ahayn sharmuud geerasheeya, oo dumarka guur la’aan is kala tunta, ee waxa uu jeclaa in uu guursado gabdhaha uu damco, laakiin waxa uu ku dadaali jirey in uu kala qariyo bilcaamaha uu xiriir guur la samaynayo, tiiyoo aysan ka heli jirin daryeelkii loo baahnaa, vvaxaana taas sabab u ahaa, waxaa uu ahaa naago-shabiye, shan qabo oo shan sii daa ah, oo middii soo baxdaba ay tiisii tahay, misena ahaa sarkaal safar badan, isla markaasna lahaa balwad daran, oo gaarsiisa mararka qaar in uuba hilmaamo waajibaadkii saarnaa.

Marka laga reebo booqashooyin kooban oo uu ku tago magaalada Ceerigaabo oo uu ka soo jeeday, inta badan Xamar ayuu u aadi jirey arrimo la xiriira howlaha shaqadiisa, waxa uuna badanaaba ku qataa fasax yadiisa (kuwa xaqa uu u leeyahay iyo kuwa shuudka ahba).

Marka uu magaalada Xamar yimaado, waxaa uu mar-mar ku soo degi jirey guri uu degganaa wiil ay dhanka hooyada walaalo ka ahaayeen, oo la yiraahdo Nuur Shaywaal – oo isagu bare ka ahaa dugsigii sare ee Raage Ugaas- mar mama waxaa uu ku soo degi jirey Albeergo. Waxaa kale oo magaalada Xamar degganayd, oo booqasho uu ugu imaan jirey walaashiis Safiyo oo ay isku aabbe iyo hooyo ahaayeen, oo ku noolayd guri ay ku lahayd suuqa Bakaaraha, isla suuqaasna ka ganacsan jirtay.

Safiyo waxaa ay ahayd curadda reerkooda, iyada ayaana soo korisey isaga, gabar la yiraahdo Aamino oo Boosaaso deggan iyo Nuur Shaywaal oo dhanka hooyada kala dhashay, markii ay hooyadood Warsan dhimatay.

Xamar ayuu ugu jecel yahay magaalooyinka Soomaaliya, waxa uuna aad uga heli jirey cimiladeeda, xeebeheeda iyo tasiilaadkeeda haqab-tiran, isaga oo mar walba jeclaa in uu wakhti kasta oo uu firaaqo helo ku qaato magaaladan, kana samaysto saaxiibbo badan oo ay xaawaleyda eurdanka ah kaalinta koowaad kaga jiraan.

Ma jecla xaaskiisa Xaawo in uu u soo kaxeeyo Xamar, oo ay fasaxyada kula qaadato, sababta oo ah, waxaa uu ka baqaa in ay ka duufsato howlihiisa gaar ahaaneed ama inta ay wax ka ogaato, dabadeedna ay ka dhabqiso arrimaha wej iyada badan ee uu Xamar u yimaado. Sideedana, aad ayuu uga maadan jirey Xaawo, oo ka haysay waardiye har-iyo-habeen ah, sababta oo ah, waxa ay ku ogeyd in uu yahay shaxaari naago-wade ah, waxaa ayna ahayd maseyrrey uu horay ugala kulmay dhibaatooyin badan oo ay gaarsiisay, kaddib markii gabdho uu ka shukaansan jirey Hargeysa inta ogaatay, ay dhawr jeer gaar saartay. Marna gabdho ay ogaatay in ay ninkeeda xiriir la leeyihiin, ayey qaarkood Kalaysay, halka qaar kalana ay wejigii ka beddeshay/fiiqdey, taas oo gabdhihii Hargeysa degganaa oo dhanna ay kaga fiigeen.

Mar waxaa ayba si farsamaysan – isaga oo aan ogeyn – uga furtay gabar uu ku qabey Gaalkacyo, oo uu ka qarsan jirey. Gabadhaas ay ka furtay, waxa ay ahayd gabar mar uu Gaalkacyo u tagay howl-shaqo ay is-barteen, dabadeedna uu guursaday.

Markii uu ayaan Hargeysa jooga-ba, waxaa uu booqasho ugu tagi jirey Gaalkacyo, isaga oo Xaawo ugu sheegi jirey in uu howl-shaqo u tago Gaalkacyo. Laakiin mar uu muddo ka maqnaa, ayey maalin maalmaha ka mid ah, gabadhii uu ku qarsan jirey Gaalkacyo – illeen moobeel ma jirine – u soo dirtay warqad ay axwaasheeda uga warramayso iyo sida ay u dareemayso wehel la’aantiisa iyo war la’aantiisa, kagana codsanaysey in uu u yimaado, maadaama uu muddo dheer ka maqnaa. Waxaa kale oo ay warqadda ugu sheegtay in sarkaalkii is-baray ee Salaad Dheere ahaa, aysan waayadan is arag, haddii aan weydiin lahaa warkaaga iyo wacaalkaaga-ba.

Waxa ay warqaddii ugu soo dhiibtay nin askeri ah oo u socday Hargeysa. Markii uu askerigii tagay xeradii ciidanka ee Hargeysa, ayaa loo sheegay in ninka ay warqaddu ku socoto uu ku maqan yahay Xamar. Waxa uu warqadii ugu dhiibay nin xerada joogay, oo yiri aniga ayaa garanaya gurigiisa, ninkiina inta warqaddii la orday ayuu isla markiiba inta Xaawo u geeyey, ku yiri “Warqaddaan seygaaga ayey ku socotaaye u dhiib marka uu yimaado”.

Xaawo warqaddii ayey furtay, mise, waxaa ka soo booddey gabar u cataabeysa seygeeda. Inta warqaddii meel dhigatay, ayey mid kale qortay, waxaa ayna ku qortay warqaddaas in xaaskiisii Qaraarsha Faruurdheer ay dhimatay, uuna soo qorey Salaad Dheere oo ay warqaddii hore ka qishtay. Markii uu seygeedii yimid ayey warqaddii u socotay u dhiibtay. Warqaddii ayuu meel gees ah inta la tagay, oo baqshaddii ka furay, akhriyey, markaas ayuu muraara-dillaacay. Inta kor timid, ayey ku tiri “Qalbi, maxaa kugu dhacay?”, Markaas buu ku yiri “Gacaliso, waxaa ay warqaddaani iiga timid Gaalkacyo, waxaana ku qoran in aan si deg-deg ah ku aado Gaalkacyo, waana amar millateri, anna arrintaan ma filayn, oo haddaan safar ka imide, naso ayaan is-lahaa!”. Markaas bay ku tiri, “Nin yahow, waxa aan ka shakiyey ku laalaabashadaada Gaalkacayee, armaa wax kale jiraan?”

“Maya maya, wax kale ma jiraan, oo aan ka ahayn howlaha ciidanka!” ayuu ugu jawaabey.

Xaawo oo farriintii warqadda ku qornayd maanka ku haysa, diideysana in ay si toosa wax ugu sheegto, ayaa ku tiri “Gacalka, anigu waan ku aqaan, waxa aana aaminsanahay in aad naag ku qabtid Gaalkacyo”. Inta yara dhirfay, ayuu ku yiri “Wallaaheysan naag ii joogin”. Kolkaasey ku tiri “Haddii aysan naag kuu joogin waa in aad furtaa, oo aad weliba tiraahdaa – haddii aad run sheegaysid – xaaskeyga joogta Gaalkacyo waa iga furan tahay ”, Waxaa uu aaminsanaa in ay dhimataye, waxaa uu yiri erayadii laga codsaday in uu dhaho ee ahaa “xaaskeyga joogta Gaalkacyo waa iga furan tahay”. Markaas ayey ku tiri, “Hadda waan qancay, waad u fasaxan tahay howlaha deg-degga ah ee Gaalkacyo lagaaga baahan yahay in aad u aaddo”.

Markaas ayuu dhaqaaqay, isaga oo ka war-doonaya, bal sida ay wax u dhaceen. Markii uu Gaalkacyo tagay-ba, waxaa uu gurigii ugu tagay xaaskiisii oo sugeysa. Hadda muxuu sameeyaa, waa ka furan tehee! Inta naxay, ayuu gabadhii u sheegay in uu khalad dhacay, oo isaga oo aan ogeynna uu furay, waxa uuna isla meeshii ku siiyey meherkeedii, isaga oo isla xilligiiba ubbadiisii u soo kooraystay halkii uu ka yimid ee Hargeysa ahayd. Markii uu yimid gurigiisii, ayey Xaawo u soo bixisay warqaddii ay gabadhu u soo dirtay, markaas ayuu ogaaday jarta ay u dheeshay xaaskiisa Xaawo!

Sidaas oo kale, ayey mar kale gabar uga furtay, uu isla Hargeysa ku qarsan jirey. Waxa ay ahayd gabar dhallinyaro ah, oo aad u soo jiidatay, oo reer Jabuuti ahayd, oo uu ka dhaadhiciyey in uu habeenkii howi-gal Millateri uu ku qoran yahay, oo uu firaaqo helo oo keliya maalintii, sidaas darteedna uu maalintii la joogayo.

Markii uu gabadhan guursadey, oo ay ayaan wada joogeen, ayuu waxaa uu ka helay hab-dhaqankeeda, sababta oo ah, marka uu guriga imaanayo, magaalada ma soo maro, oo qaad horay uma soo qaato, ee waxaa uu yimaadaa fadhiga guriga oo aad loo diyaariyey, oo qaadkii, sigaarkii, qadadii iyo sharaabkiiba is ag yaallaan. Marka uu qadeeyo ayey inta soo xirato dirac khafiif ah oo bilaa Rajabeeto iyo bilaa Googarad ah, oo macaadinteedii caadi uga dhex muuqdaan ayey inta la f’ariisato, oo qaadka carjawga uga googoyso afka u gel- gelisaa, isaga oo sida boqorkii u fadhiya. Waa nin marka uu marqaamo, dareenka dumarku ku bata e, markaas ayuu inta walaaqmo, oo uu fara-ka-ciyaar bilaabo, dhawr jeer isaga iyo gabadhu bood-bood iyo jimicsi galaan, oo nafta jinnigu cirka la aaday dejiyaan.

Habeenkii, marka uu tago guriga Xaawo ayuu is-duuduubaa oo duumo mararka qaar isku ridaa, illeen waa nin maantaa oo dhan lismayee. Muddo kaddib, Xaawo waa dareentay in ninku si wax ka yihiin, sababta oo ah, horay ayey u taqaanay, in uu ahaa nin-karmeed sariirta ku wanaagsan, oo in la iska abhiyo mooyee aan joogsan jirin. Maankeeda inta rog-rogtay ayey garatay, in maalintii ninkii balaayo kale soo miirato. Wiido iyo dabagal dheer ayey ku bilowday, iyada oo dumar kale u kireysatay, in ay ninkaan la-raad-guraan.

Muddo yar kaddibba, raadeer wareegayaa waa kaney yiri, waxaana la soo helay godka uu galo, waxa ayna Xaawo ka dul-timid isaga oo guriga kula jira qoor-cas, mama u duugeysa, mama qaad afka ugu guraysa! Maxaad u malaynaysaa in ay halkaas ka dhacayaan? U1 iyo hal-gaado wada socda ayaa hal mar ku soo hoobtay ninkii iyo naagtiisii, waxaana halkaas ka dhacay dagaal kharaar. Markii dagaalkii la isugu soo baxay, oo dumarkii la kala jiidey, ayaa Xaawo waxa ay soo istaagtay, inta goradda iska laalaadisay ama aniga ama iyada. Gar cuius ayaa halkil ka dhacday, oc akhyaari gashay, waxa ayna aakhirkii gartii ku af-jarantay, in uu Xaawo doorto, qoor-castiina uu sii daayo.

Sidaas awgeed, aad ayuu uga taxadaraa Xaawo in ay wax ka ogaato godadkiisa, waxa uuna iska ilaaliyaa in ay safarradiisa fasaxyada u raacdo ama uu u kaxeeyo meelaha howlaha shaqo uu u aadayo ee uu wakhti xoogaa ah ku maqnaanayo. Mararka qaar waa uu ka raad-gataa meelaha uu u socdaalayo, waxa uuna u sheegaa meesha uu u socdo rnooyee meel kale, si aysan iyaduba u soo aadin ama cid kale oo wariye ah ugu soo dirsan, sababta oo ah, waa gabar halls ah, oo uu og yahay – haddii ay ku talo gasho – in ay isticmaali karto raadeer casri ah oo wareegaya, oo laga yaabo in uu soo qabto isaga oo god uu samaystay gasadiisa ku jira.

IS-BARASHADII DHIMBIL IYO RAXMO

Iyada oo lagu guda jiro bilaha xagaaga ah ee roobabka raaxada leh Xamar ay ka da’aan, ayuu hoteelkii uu degganaa ee Taleex, waxa uu ka soo kaxaystay xilli casar-horaad ah gaari cusub oo Laanguruusal ah, si uu ugu soo damaashaado jawi-roobaadka xagaa ee tiix-tiixa ah iyo harka daruuraha ee xeyn-daabay kulaylkii qorraxda.

Waxaa uu socodkiisii ka soo bilaabay halkii uu degganaa, isaga oo ku soo dhacay waddada dheer ee Maka Al- Mukarama, waxa uuna u jeeday dhankaas iyo Xeebta Liido. Inkasta oo ay saxmaddu yar tahay, haddana gaariga tartiib ayuu u wadaa, muraayadahana aad uma dallacna, oo waxaa uu doonayaa in uu jiido laydha dabiiciga ah ee macaan. inta uu wado gaariga ma wado fiiriyo hortiisa e, waxaa uu eeg- eegaa geesaha iyo geedaha laamiga ku safan, markaas ayuu arkaa taallaallo laamahoodu u muuqdaan kuwo xadraynaya sida ay u ruxmayaan oo ay u lulayso dabayl-roobaadka xagaa. Isaga oo indhaha ku doogsanaya oo sii fiirinaya ayuu arkaa gaariga oo jidka kala bixi raba, markaas buu ka jeestaa.

Waa mid dumarka ku falane, mar ayuuba shil geli gaarey, kaddib markii isaga oo maraya meel aan ka dheerayn is- goyska Shaqaaiaha uu ku arkay laba gabdhood oo gashaantiyo ah, oo inta shuguuguxu diricyadii ka qooyey, dabeyshu ay hadba doc uga dhajineyso. Iyaga oo dhanka uu ka soo socdo u soo jeeda, ayuu isha ku dhuftay, iyaga oo soo-jeedkooda hore oo dhan dabeyshu inta ku dhacday, dharkii ku dhajisay, raise waxaa ku soo callaqan afar gantaal oo rakiban, oo caarad dhuuban oo isaga ku cabbiran. Inta sacabka insha marsaday ayuu isku yiri “Bismillah, waxaani ma dhabbaa mise waa dhalanteed!”. Insha ayuu hoos ugu daadajiyey, markaas ayuu misena arkay xaluso kuu-kuusan oo xudduntii caadi uga dhex-muuqato oo wax yar caloosha ka soo sikaday. Maba libiqsanayee, hoos ayuu indhihii ugu sii raariciyey, markaas ayuu sawirtay waxaa uu iska dhaadhiciyey in yihiin dheemankoodii iyo cajirro shilis ah oo is-Iisiya.

Gaarigii ayuu istaajiyey intii ay dhaafayeen, si uu uga il- buuxsado. Markii ay dhaafeen ayuu gaarigii inta soo kaia- fireeyey daba-galay, markaasuu misena arkaa dhabarka iyo qeybaha dambe oo ay dabayshu dharkii kaga dhajisay. Tanaaba ka daran oo maankiisii kala wareejisey, kaddib markii uu arkay deri raaracda iyo nimcooyin yar-yar oo kuus-kuusan iyo weliba kubab isku jaan go’an.

Markii uu gadaal si fiican uga kuuray, ayuu inta dhaafay oo soo kala-wareegay, misena qeybta hore mar kale ku soo ceshaday, sida filinkii oo kale. Isaga oo barwaaqadaas ku dheygagsan ayuu arkay, isaga oo waddo khaldan ku jira, oo gaari weynna ku soo socdo, markaasuu hal mar gaarigii wada jarey isla wakhtigiina ku yimid guri, isaga oo aan ku dhicin ayuu haddana isla markiiba ka weecday, markaasaa Alle surin yar u bixiyey. Inta Ashahaatay, oo madaxa gacanta saartay, ayuu isaga oo neef-tuuraya yiri “Alxamdullillah, Allow adaa maanta i bixiyey”. Isaga oo mama Alle ku mahadinaya mama habaaraya gabdhihii haadaantuu ka dhici rabey sababta u ahaa, ayuu dalxiiskiisii dib-u-qabsaday.

Markii uu xoogaa socday-ba, isaga oo marayey meel u dhaw is-goyska Dabka, waxaa gacanta u taagatay naag caasi ah oo sookal dheer qabtay, faruuryuhuna u guduudan yihiin. Waxaa ay qabtay dhar khafiif ah, waxaa ayna kilkisha ku sidatay boorso. Waa ran maahsan oo mar dhaw gabdho balo wadatay muraayaddii qalbiga ka jlireene, waxaa uu u malaynayey hooyo roob ka carareysa oo maciin u baahane, gaariga ayuu u joojiyey. lyadu-se caawinaad uma baahane e, waxaa ay meesha u taagneyd gaari oday xaraaradeysan wato, oo ay caawa lugaha u duugto. Inta daaqadda iska furtay ayey soo gashey isla markaasna kursigii dhiniciisa ahaa fariisatay.

Waxaa ay ahayd naag Sheydaan walaaqayee, inta qaarkeedii hore ee cayuuqmey bood-bootisey, oo ay qosol yar dhag ka siisey, ayey ku tiri “Abboowe, wallaahi galabta waa kaa boxoysaaye, halkee caawa ku baashaalaynaa?”. Saasuu u eegay, mise waa kowtaliyad inkaartii Nabigii ay ka muuqato. “Naa iiga dag gaariga, wasakh yahay Rabbi iyo islaan ka furatay” ayuu isaga oo cuudi-billaysanaya yiri. Inta naxday ayey eegtay, markaasey aragtay nin faruuryo-qaniinsan oo feer u duuban yahay oo diyaar u ah in uu qanjirrada ka garaaco. Ma iyadaa waalan, inta daaqadda iska jartay ayey booddey, halkaasna ka baxday iyada oo sii yabqamaysa.

Ninkaan, si kale ayuu u falan yahay mooyee, lama tuso naagaha caasiga ah, kuwa fagsuusada ah ee honnotiga ah ee ragga jeebkiisa ku xisaabtama, oo ninkii ladan oo ay qabtaan deg-deg ku kiciya, kuwa afka dheer ee ragga daan-daansada iyo kuwa marka ay suuqa marayaan is-walaaqa, oo marka ay soo socdaanna xabadka ruxa, marka ay sii socdaanna dabada ruxa.

Markii ay naagtii ka degtay ayuu isaga oo fiigsan socodkiisii sii watay. Hadda sidiisii ayuu ku soo laabtay, oo maahsanaantii iyo baxsanaantii waxaa meesha ka saaray balaayadii gaariga u soo gashay.

Dabdiskiisii isaga oo ku jira, hawadaas macaan ee uu keliga ku yahayna dhex maquuranaya, ayuu arkay isaga oo ag maraya Masjidka Isbahaysiga. Inta ku leexday, oo deyrkiisa galay ayuu xoogaa magaalada inta ka hoosaysa indhaha ku war-wareejiyey, markaasaa magaalada oo dhan – intii ay ishiisu qabanaysay – indhihiisu ku nasteen doogga dhirta magaalada ku wada tallaalan ee fufka wada bixisay.

Horay ayuu u sii socday, isaga oo aad mooddo in uu Jannadii Fardowsa dhex joogo. Markii uu marayey guriga Hooyooyinka (ee ka soo horjeeda Tiyaatarka Qaranka) ayaa waxaa maankiisa ku soo dhacday, in uu dhankaas iyo suuqa Xamarweyne u leexdo, si uu uga adeegto, haddii uu helo dukaan laga helo walxaha uu door-bidayo. Isaga oo weli socda oo uu indha-indhaynayo dukaamada, ayuu waxaa uu kor ka arkay dukaan cammiran oo dhar iyo udgiye-yaal caynba-cayn ah yaallaan. Inta is-moodsiiyey alaab uu doonayey in ay taallo, ayuu jeclaystay in uu dukaankaas galo, si haddii uu ka helo alaabta uu rabey uu uga iibsado.

Inta uu gaarigii hor istaajiyey, oo ka degtay ayuu dukaankii dalaq yiri. Isla markii uu dukaanka galay, ayuu isha mariyey waxa yaalla dukaanka, mise indhihiisu waxaa ayba qabanayaan dhar qurux badan oo si wanaagsan u tolan iyo baraafuunno uu magacyadooda hayey oo uu magaalada horey uga waayey.

Waxaa taas ka sii daran, waxaaba dukaanka gadaysa qalanjo dhiin-xariir ah, oo aad mooddo roob-la-dhac. Waa geenyo hal-door ah oo laba-lafood ah oo, 17 sano jir ah, oo aad mooddo in alaabta dukaanka lagu gadayo ee dhal- dhalaaiaysa loo soo xuley, sababta oo ah, marka dukaanka la soo galaya-ba, waxaa ay ishu hal mar ku wada dhacaysaa macdaarka quruxda badan iyo alaabaha sida fiican loogu sharraxay iyo wejiga gabadhaan quruxda badan iyo timaheeda habaysan ee bannaan ee bunniga u eg, oo taako dhanka hore uga galoolan, gadaalna ka siiddaysan ee aan laga libiqsan karin iyo horaadadeeda gigtiran oo aad mooddo in amar lagu siiyey in aysan nuuxsan isla markaasna ibtooda dhuuban la moodo in ay cambuurka ka soo dhex-baxayaan. Waxa aan marnaba laga jeensan kerin luqunta dheer oo ay cabbaadyo shan siriq ah ku taxan yihiin. Xaluska yarka ah ee kuusan ee goonnada ku dul-qotoma ayaa caloosha ku wareejinaya. Marka ay sii jeesato oo ay wax soo qabanayso, jirkeeda qeybtiisa dambaaba laga il-buuxsan karin.

Marka ay alaabta ku tus-tusayso oo ay dhaq-dhaqaaqeyso, raggu iyada ayey ku maqnaadaan oo ay ku dhaygagaan. Waxa ay taas ku darsatay soo jiidashada macaamiisha iyo qalqaalo-wanaaggeeda, waana gabar u taba-baran qaabilaadda rukunka iyo qancintoodaba. Dhallinyaradu inta badan waxa ay dukaanka u yimaadaan, oo wax uga iibsadaan, in ay daawadaan gabadhaan, iyaga oo dukaankaan oo la yiraahdo Dayax ula baxay “Geenyo”.

Waxa uu ninkii bilaabay in uu halkii ka dukaamaysto isaga oo misena bartay gabadha dukaanka gadaysey, oo isla markiiba quruxdeeda iyo qaayaheedu ka dhex duseen qalbigiisa. Waxaa uu niyadda gashaday in uu si joogta ah macdaarkaas uga dukaamaysto, si uu geenyadan u barto una soo xero-gashado.

Gabadhu waxa ay isugu sheegtay magaceeda saxda ah oo ahaa Raxmo Qaasim, waxaa kale oo ay u sheegtay xaafadda ay deggan tahay ee Xamar-Bile, laakiin isagu waxaa uu isugu sheegay magaciisa oo aan sax ahayn oo uu kala hormariyey. Waxaa uu isugu sheegay in la yiraaho Dhimbil Jaamac, wax uuna taas u samaynayey, in aan si deg-deg raad-raaciisa lagu helin; haddii ay Raxmo daba-gasho. Sidaas oo kale, uma uusan sheegin halka uu deggan yahay. Tani waxa ay ka mid tahay xirfadaha uu gabdhaha ku gaado, kuna maareeyo xiriirradooda.

Inkasta oo dhallinyarada Soomaaliyeed marka koowaad ee ay is-baranayaan magacyo aan la dhihin isku tuur-tuuraan, dabadeedna marka ay is-bartaan maalmo kaddib, si saxa magacyadooda isugu sheegaan, laakiin Dhimbil isagu howlihiisu kuwaas waa ka duwan yihiin. Uma sheegin halka uu deggan yahay, iyana dan kama gelin oo ma weydiin. Hadalkiisa ayey ka dareemaysaa in uusan reer Xamar ahayn. Yaad tahay, halkeed ka timid iyo maxaad qabataa midna ma weydiinin, oo waxa ay u aragtaa weydiimahaas su’aalo- aakhiraad.

Markii uu soo dukaamaystay, daixiiskiisii horay uma sii wadan, mana aadin halkii uu niyadda ku hayey ee Liido e, dib ayuu ugu soo laabtay hoteelkiisii. Haddii uu markii hore tamashle ku jirey, maankiisuna fasaxnaa, hadda korantada ayaa ka maqan, Raxmo muuqaalkeedii oo sawiranna waa horyaallaa. Haddii uu meelo eeg-eegayey, hadda hortiisa rneel ahayn ma fiirinayo. Haddii uu jawiga iyo uunka Alle ee dabiiciga ah ka fakarayey, hadda waxaa maankiisa maasheeyey sidii uu gashaantidaas mar un uga fara- macaysan lahaa. Isaga oo mashquulsan, oo tartiibtiisii ku socda ayuu tagay halkii uu ka soo saan-qaaday.

Dumar gaari cad iyo dhal-dhalaal laga raacye, Raxmo dhankeeda wax baa juq yiri. Weligeed ma arag nin sidaan u liibaansan oo wata gaari qaali ah oo cusub, oo dukaankeeda soo hor-istaajiya ninkaan ka hor. Horay uma aysan arag nin sidaan oo kale alaabo wada qaali ah hal mar wax badan uga qaata. Weligeed dhaayo kama qaadin qof sidaan deeqsi u ah oo lacag uusan ku adeegan siiya qofka u adeegayey ama dad uusan garanayn wax ka bixiya, sababta oo ah, markii uu dukaanka soo galayey, waxaa dukaanka ka adeeganayey laba gabdhood oo kale, oo gadanayey alaabaha la isku qurxiyo, markaasuu dhammaan ka bixiyey alaabihii ay doonayeen. Iyadana, markii uu ka gatay alaabihii ayuu lacagtii u raaciyey lacag kale oo dheeraad ah! Iyada oo la yaabban gobanimada ninkaan, ayaa waxa ay dhawr jeer niyadda iska weydiisey waxa uu ninkaasi ahaa, halka uu ka yimid iyo waxa uu qabto.

Raxmo waxaa ay la nooshahay hooyadeed Nuurto, Aabbeheed Qaasim, wax walaal ahna waxa ay ka lahayd, wiil ka weyn oo curyaan ah oo la yiraahdo Saalax, waxa ayna qoyskeedu ku nool yihiin guri ku yaalla xaafadda Xamar-Bile, oo ay dawladdu siisey aabbeheed oo Wasaaraddii Maaiiyadda shaqo hoose oo waardlye ah ka hayey. Dukaanka ay gadayso, waxaa isla leh eeddadeed Cawrala’ oo ay caawiso, iyaduna dhaaraanka iyo dhaash-dhaashka ay ka hesho.

Dhimbil, har iyo hoyaadba waa ka tagay, waxa uuna jeex- jeexayaa tabtii iyo khiddadii uu u mari lahaa Raxmo iyo sidii uu ku soo dabi lahaa. Waa uu ku xisaab-tamayaa farqiga u dhaxeeya gabar guri-joog ah, oo aan dad arag iyo inan ganacsi ka shaqeynaysa oo bulshada noocyadeeda kala duwan la macaamisha. Daah kama saarna firaaqada ay u heli karto Raxmo in ay kula sheekeysato, oo ay la falanqeyso jacayl uu doonayo in uu qalbigeeda ku beero. Waxa uu fekera-ba, waxaa u soo baxday in uu Raxmo shabaq u daadiyo, waxa uuna bilaabay in uu xiriir jacayl oo joogta ah la sameeyo Raxmo, oo iyadu markaas ahayd gabar yar oo dhucdhuc ah, oo muuqaalka Eebbe huwiyey biyo dahaba iyo mar-soo-dhac la moodo. Marka ay waddada marayso, gawaaridu waxaa ay ku sigtaan in ay isku dhacaan iyada oo darawalladu wada eegayaan quruxdeeda darteed.

Xiriirkii ugu horreeyey ee uu la sameeyo ayey ku ogaatay in uu Dhimbil yahay sarkaal sare oo madax ah, taas oo sare u qaadday hammigeeda iyo la sii wadidda xiriirkiisa, sababta oo ah, waxa ay mar walba aragtaa dumar ka adeegta dukaankeeda oo wixii ku soo dhacaba iibsada oo aysan lacagtu qiimo ugu fadhin, markii ay baartayna ay soo ogaatay in ay saraakiil sare u dhaxaan. Waxaa kale oo ay ka war- qabtay carruurtii ay dugsiyada wada dhigan jireen, kuwii aabbayaashood saraakiisha ahaayeen, sidii ay u nimcaysnaayeen, sidaas awgeed waxa ay la hiyi-kacday xiriirkaan cusub iyo war-bixinnada ay ka heshay sarkaalkaan.

Raxmo, Dhimbil keliya ma hollin mana hunguriyeyn, waxaa maalin walba xiriir la soo sameeya rag hor leh, oo isugu jira kuwo ku bartay dukaanka iyo kuwa xaafaddeeda ku bartay. Ma ahan gabar dhac-dhac badan oo ragga is-kala qabsata, mana ahan gabar dadka yaqaana ay ku fududaadaan. Waa gabar meeqaam sare ka joogta bulshada taqaan, oo lagu tix- geliyo sharafteeda. Dhallinyarada taqaanna oo dhan aad ayey uga sheekeystaan, waxaa ayna isku caraadiyaan la hadalka iyo shukaansiga Raxmo, heybadda iyo qabka ku jira darteed. Ninka ay dusha ka salaanto ama ay la istaagto, waxaa loo arki jirey, nin dadka kale wax dheer, isla markiina hadalkiisu suuqa ayuu tegi jirey.

Akhyaarta la soo xiriirta oo dhan ma danayso marka laga reebo Dhimbil, oo ay u danaynaysay xiriirkiisa, laba sababood dartood: waa marka koowaade, dumarka xilligaasi xiriirka guur ee saraakiisha ciidamada aad ayey u jeclaayeen, waa marka labaade, Dhimbil waxaa uu ahaa nin aad u dhaqaale badan, oo wax bixiya, oo lacag badan ayuu ku har- qin jirey Raxmo.

Sidaas darteed, waxa ay Raxmo nasiib u yeelatay in ay ka mid noqoto curdanka madaxa la soo baxay ee nolosha adduunka quruxdeedu u bilaabantay ee uu Dhimbil xiriirka la leeyahay!

Dhimbil waxaa uu si xirfadaysan tuubbo uga soo tallaalay qalbigiisa si uu uga waraabiyo qalbigeeda dhiig jacayl oo miid ah, waxa uuna tallaalkaas u adeegsanayey farsamo casriyeysan iyo dhaqaale loo qaadan karay in uu bilaash ku soo galayey. Waxaa uu geyn jirey meel kasta oo ay majeerato, waxaa ayna si sahal ah uga helaysay wax kasta oo maankeeda ku soo dhaca, taas oo keentay in ay albaabada ka xirato dhammaan raggii kale. Xitaa is-beddelkaas dhaqaale ee Raxmo ku soo kordhay xaafaddeeda ayaa laga dareemay, waxaa ayna xaafadda keeni jirtay hadiyado fara badan oo kala duwan, oo uu u soo hibeeyo saaxiibkeed iyo qarash badan oo uu ku farraqo, oo si un reerka Raxmo u gaartay, oo xitaa noloshii reerka saameyn ku yeelatay. Waxaa kale oo dareemay gabdhaha deriska la ah, oo arka; dharka, dahabka, dhal-dhalaalka, dhaashanaanta iyo duxda ka muuqata, taas oo keentay in uu gurigeeda noqdo meel gabdhaha deriska ah oo dhan, dharka iyo dahabka ka toobal-caaraystaan, islaamuhuna ka dhaaraantaan.

Waa hore ayaa ugu dambaysay maalin-joog ciriiri ka gala iyo caddibkii gaarigii caasiga ahaa ee ay ku tegi jirtay meelaha loo luga baxsado ee madaxa lagu soo dejiyo. Gaari cusub oo qabowga uu sii daynayo hurdo kugu qabanayso, oo nin jecel oo baarri ah uu ku wado ayey haysataa. Haddii ay tiraahdo futo-baciid igee ama ay tiraahdo maanta oo dhan ha istaagin, maba yaqaanno rnaya. Dhaga-fudeydkuu uga daray, oo weligi wax ay weydiisay hadal kama soo celin. Waxaa ayba gaarigii ka dhigatay mid ay leedahay, Dhimbil-na waxaa uu u noqday shufeer jajaban oo iyada u shaqeeya. Aad buu u deeqay, waxaa ayna is-weydiisaa “Ragga oo dhan ma saanbaa mise kanaa Malaa’ig ah?!”.

Cuntadii looga soo qaadi jirey guriga, oo ilaa Xamar-Bile la soo wadi jirey, hadda looma keeno. Saaxiibkeed ayaa saaray hoteel qadada looga qaado, oo cuntada ay dalbato loo geynayo, waxaa ayna ka il-baxday cuntadii suququlka ahayd, halka jaad ahayd ee iidaanka yarayd, waxaa kale oo ay ka kortay, dadkii cuntada u keeni jirey ee marna gaajada ku qaboojin jirey marna wax kala dhantaalan u keeni jirey, marna isku tuur-tuur inta gasha, wax soo qaado inta la waayo ay ka samri jirtay. Awalba iyada oo quruxdeeda lala yaabbanaa ayaa labeen saa’id ah soo fuushay, taas oo ay uga maarantay kareenka dabeysha iyo kor-qallalka la iska mariyo.

Raxmo, ma saaxiibbo badnayn, waxaa ay leedahay hal gabar oo sideeda oo kale indheer-garad ah, oo ay isku shushubtaan, iskuna sir qarsadaan, oo la yiraahdo Shamso Cabdi. Aad ayey isku fahmeen, waxaa ayna isla yaqaanaan kaftanka iyo sarbeebaha, dadka kalana ma fahmaan marka ay wada hadlayaan.

Hadda ka hor ayaa Shamso inta ay warar muhiim ah ka soo maqashay magaalada, waxa ay damacday in ay la wadaagto saaxiibteed Raxmo. Sidii ay u soo ordaysay ayey timid gurigii Raxmo, markaas ayey la kulantay Raxmo oo ay la fadhiso gabar aysan Shamso garaneyn. Shamso waxaa ay rabtay in ay warkii u sheegto Raxmo, haddana waxaa ay ka baqaysaa gabadhaan ag fadhida ee aysan garaneyn, in ay warreey tahay, oo aan waxba lagu ag sheegan karin iyo in ay tahay qabri wixli gala aysan ka soo bixin. Waxaa ay rabtaa in ay gabadhaas xaalkeeda si sarbeeb ah ku weydiiso Raxmo, markaas ayey ku tiri Raxmo “Raxmooy, gurigiinna marka roobku soo da’o, biyaha ma darrooriyaa oo ma soo daayaa mise waa celiyaa?”, Waxaa ayna ula jeedday, gabadhaan ku ag fadhida, ma tuke xagaa jooga baa mise waa qof aasan oo aysan waxba ka bixin?

Raxmo oo sarbeebta Shamso fahantay, ayaa ugu jawaabtay “Abbaayo Shamso, wallaahi gurigaan dhibaato ayuu nagu hayaa, oo xitaa roobka xagaayaha ma celiyo, sidaan u gofaynaynay ayaan ku rafaadnay”. Waxaa ayna ula jeedday, middaani in ay tahay musiibo warkii ka badatay. Sidaas ayaana la isku fahmay, oo ay ku ballameen wakhti kale. Tii iyada oo indhaha taag-taagaysa, oo ku haysa “Walaaley halkee biyaha ka soo daayaa” iyo “Maad guriga iska hagaajisaan” ayaa laga dul-baxay.

Raxmo iyo Shamso waa dad sidaas isku ah, waxaa ayna wadaagaan wax walba oo ku soo kordha. Arrinta Raxma-na, keliya waxaa og Shamso, oo ku dhiirri gelisa saaxiibteeda ninkan cusub ee ay baratay, waxaa ayna kala talisaa wax walba oo Raxmo kaga soo kordha dhanka saaxiibkeedaan cusub, iyaduna kama qariso hadba xaalka meesha uu u raarayo oo waa la socod siisaa.

Intii ay wada socdeen Dhimbil ayaa mar Raxmo waxaa soo doonay nin doobnimo ku weynaaday oo boostaale ahaa, oo ka shaqaynayey Wasaaraddil Boostada iyo Is-gaarsiinta, oo reerkooda weydiistay. Ninkaasi waxaa ay qaraabo ahaayeen Raxmo hooyadeed, waxa uuna ahaa nin aad loo jecel yahay, oo aad u wanaagsan. Reerka oo dhan ayaa ninkaas soo dhaweeyey, Raxma-na ka codsaday in ay yeesho ninkaas.

Raxmo, codsiga reerkana waa ka tegi la’dahay, mana jecla nin uusan wax jacayl ah ka dhaxayn in ay guursato, taasoo ay jirto, misena ma ahan nin hanti haysta oo kafayn kara. Waxaa kale oo ay arkaysaa Dhimbil oo ay meel fiican wax u marayaan isla markaasna ah dookheeda, ayna u aragto nin aayaheeda u fiican. Waxaa ay la tashatay saaxiibteed Shamso oo u ah la-taliye sama-talis ah, si ay arritaani ugu maaro hesho.

Shamso iyada oo fiirinaysa talada waaridka Raxmo, ninka soo doontay iyo midka ay w’ada socdaan, isla markaasna eegaysa labaclabacda Raxmo soo gashay, ayaa talo murtiyeysan siisay, waxaa ayna ku tiri:

Raxmooy lahanka iga daa

Lalabkiyo waswaaskiyo

Labaclabacda iga dhaaf

Talo aadan laba rogin

Waa laba aflayLeeb

Ee Laabtaada yey gelin

Waxaan taa u leeyahay

adduunyada laciifka ah

wakhti laguma lumiyoo

lama laba bogleeyee

Mar hadduusan lacagiyo

Farxiya uusan lalinayn

Dahab kaa lulaynoo

Laanguruusal wadanoo

Xiddiguhu ku laamayn

Laandheere ma ehee

Yuu ku luminin kaasuye

Lurkiisiyo dhibkiisiyo

Layiciis ka dheerow

Adigoo ladnaan iyo

Liibaan arkaayaa

Ha ka leexan abidkaa

Ha uu liicin meel aan

Luggooyiyo dhib mooyee

Lufi kaaba raacayn.

Raxmo, waxaa deeqday talada saaxiibteed Shamso ee kooban ee iyaduba horay u qabtay. Waa ay qaadatay, waxaa ayna si farsamaysan oo aan xanaf lahayn ku soo af-jartay sheekadii doonitaanka, iyada oo ku qancisay waalidkeed in ay yar tahay oo aysan hadda guur diyaar u ahayn, waxaa kale oo ay ku qancisay ninkii doonayey, oo ay is-yaqaaneen, in uu iska dhaafo, maadaama aysan diyaar ahayn hadda, asna uusan sugi karin, iyada oo kula talisay gabar kale oo ay qaraabo yihiin, oo guur diyaar u ah, taasoo isna uu ka oggolaaday. Sidaas ayeyna arrintaas ku soo af-meertay, iyada oo buuq, qeylo iyo inkaari aysan ka dhicin. Ma iyadaaba wax kale la soo marsiin karaa, meel kale baa balag looga lulaye!

Hadba jacaylka ka dhexeeya Raxmo iyo Dhimbil tillaabo guuleed ayuu horay u sii qaadaa, waxaa ayna sameeyaan wax walba oo jacaylkooda korin kara, waxaa ay aadaan meel kasta oo dalxiis iyo tamashle loo tago; xeebaha Xamar, Beeraha Afgooye, Xerooyinka Xawayaanada, Jardiinooyinka, Hudheellada waaweyn ee loo qado tago ama loo casho tago iyo meelaha kale ee ay si gaar ah u daneeyaan. Waxaa uu xitaa mararka qaar geyn jirey xafladaha ciidamada iyo kuwa madaxdii sare ee xilligaas, taasoo ay ku noqotay Raxmo riyo-riyo, waxaa ayna mararka qaar dareentaa yax-yax iyo xishood, maadaama aysan horay u arag hab-dhaqanka dabaqaddaan sare.

Meelahaas ay tag-tagto waxa ay ku aragtaa dumar saraawiil ama goonnooyin gaagaaban xiran oo aysan waxba u qarsoonayn iyo rag iyo dumar isku mar-maran. Weligeed ma arag gaalo caddaan ah hadda ka hor, in ay maqasho mooyee, waxaa ayna ku aragtaa hoteellada uu u casho geeyo. Mar bay waxa ay aragtay oday, gabadhiis iyo hooyadeed oo Dhimbil sheedda ka tusay, oo sigaar isku shidaya, dhalooyin sharaab ah – oo waxa ku jirey waa dambe ay gadaal ka fahantayna – hor-yaallaan. Iyadu waxaas ma taqaan, weligeedna ma arag, haddana lagama yaabo in ay u muhato.

Mar-mar, aad-aadka meelahaas waa ka heshaa, oo marna wax bay ka ogaataa, marna waxaa ay ka barataa dad sare oo laga yaabo in ay dan ka gasho, sida ay ugu baxsatayba mar, sarkaal uu ku baray kulamadaas oo saldhigga Xamar-weyne haystay, oo inta mar dukaankeeda askar ka xiratay ay u dacwootay, dabadeedna markii uu arkay, isaga oo aan wax weydiin, horay warqad ugu saxiixay, askartiina ku amray, in aan dukaankaas iyo gabadhaas midna loo dhawaan mar dambe. Marna waa kohataa, maadaama aysan ku jacsanayn akhlaaqda iyo dhaqanka dadkaas, inta badanna waxaa ay door-biddaa ku tamashlaynta meelaha caadiga ah ee dadka heerkeeda ah tagaan.

Meel kasta oo ay maalin-joog u tagtaba, ma jecla in ay ku gaarto fiid-dambe, waxaa ayna fiid-horaad-ba ka dalbataa saaxiibkeed, in uu gurigeedii hor dhigo, maadaama iyada iyo waaridkeeduba jeclayn caweyn gelin-dhexaad gaarta.

Labadoodaba, maalinba maalinta ka dambeysa waxaa ay sii tiimbadaan mool jacayl, waxa ayna ku naaloodaan rayn- raynta jacaylkaas baarka la baxay, oo dabayshu hadba gees u lulayso iyo ka helidda qof ba qof ka kale. Qalbiyadooda ayaa xiriir toos ah leh, oo haddii uu ku soo dhaco Dhimbil, isna qalbigiisa ayey ku soo dhacdaa. Haddii ay is-tiraahdo “Alle muu maanta kuu yimaado”, waxaa ay aragtaa isaga oo la jooga. Marka ay wada sheekeysanayaan, midba raid ka kale, waxa qalbigiisa ku jira ayuu afkiisa kala baxaa, waxaana ku badan sheekadooda “Alla waan soo waday hadalkaas, oo afkayga ayaad kala baxday!” iyo “Yaa kuu sheegay in aan hadalkaas dhihi rabey!”

Waxaa ay mararka qaar is-dhaafsadaan erayo murtiyeysan oo ay dareenkooda jacayl heerka uu gaarsiisan yahay ku cabbiraan iyo duco ay Eebbe uga baryayaan in uu isku calfo. Waxaana ka mid ah heesaha jacayl ee ay mar kasta oo ay kulmaan is-dhaafsadaan, meerisyadan soo socda:

Dhimbil:

Dhuuxa iyo lafaha iyo Jacaylkaagu dhiiggiyo Xididada dhammaan buu Dhex siqaa had iyo goor Qalbigey dhexdiisaad Raxmooy aad ku dhiggan tahay Ha I dhaafin abidkaa Dhanna ha iga aadine Dhinacayga joogoo Aan ku dhawrto weligaa

Raxmo:

Dhimbilow waxaad tahay Dhaayaha naftaydoo Dhamacdii jacaylkaa Dhammaantay isaaqdoo Dhiiggu ila holcaayaa Hadba waxaan la dhacayaa Farxad aan dhammaanayn Ee geerida la dhawriyo Mawdku dhinac hakaa maro Rabbigeen hanaga dhigo.

Kuwa dheef wadaagoo Cimriga wada dhammaystaa Iyagoon dhib soo arag

Raxmo, waayahaan waxaa ku soo kordhay isla-hadal jeceyl oo badan iyo feker dheeraad ah. Dukaankii shidnaan jirey hadda waa shiiqay, koror badanna lagama soo xareeyo waayada tan, sababta oo ah, dukaan-gedidda sidii hore kuma ahan, macaaraiil-soo-jiidashadiina waa ay ku yaraatay. Ma lahan fur-furnaan badan iyo qosolkii iyo dhoolla-caddayntii lagu yaqiinay marka ay rukunku macdaarka soo galaan. Waxaa la arkaa iyada oo fekeraysa marka ay macmiisha wax ka iibinayso, waxaana ka khalkhalma isku geynta iyo kala goynta xisaabaadka alaabta laga iibsado. Marmarka qaar, waxaa dhacda dad wax ka iibsan lahaa in ay la hadli weydo, oo markaas laga tago, oo dukaamada ku xiga laga adeegto. Marka ay qof la hadlayso, waxaa ay mar walba ku hadaaqdaa, oo ka soo fafakada magaca ninka ay jeceshahay, oo ay ugu yeerto dadka markaas ag jooga.

Hadda Raxmo iyo eeddadeed Cawrala’ (oo dukaanka iska leh) ayaa qoorta iskula jira, oo murankii ugu xoogga badnaa dhex marayaa. Waxaa islaanta la soo xiriiray macaamiil badan oo u sheegay in ay dukaankii ka wareegsadeen, sababo la xiriira Raxmo, oo aysan ka helin soo dhaweyn wanaagsan iyo adeeggii hufnaa. Qudheedu waa ay aragtaa in dukaankii wax iska beddeleen, maadaama aysan ka imaan faa’iidadii laga heli jirey. Waxaa ay bilowday in ay haatan si joogta ah u timaado; wiido iyo kor joogtayn badanna ku qabato, si ay wax uga ogaato waxa ka socda dukaanka iyo howlaha kale ee ay Raxmo dukaanka uga kasho-weyday.

Waxaa ay ku bilowday canaan joogta ah iyo handadaad ah in ay cayrinayso haddii ay shaqadeeda ka soo dhalaali weydo ama ay waayi doonto dhac-dhacii iyo dhaash-dhaashkii ay heli jirtay ee billaha ahaa. Markii ay islaantu mashquusho, carruurteeda ayaa marka ay dugsiyada ka yimaadaan u diri jirtay dukaanka, si ay ula socdaan Raxmo iyo howl-qabadkeeda shaqo. Waxaa ay gashay ciriiri kooban; meel shaqadeedii oo baryahaan ku cuslaatay ayaa u taal, meel canaan ayaa kaga socota, meel daba-gal ayaa lagu hayaa ay uga maaro weyday muraadkeedii caashaq, meelna waxaa ku socda qasabado rubbuneetoyinkii u go’een, oo butaacinaya jacayl oo wadnuhu la dhag leeyahay.

Inkasta oo ay is-giijlso si aanan maan-is-kala-hadalkeeda loo dareemin, misena dadkii yaqiinay waa ay gartaan in aysan Raxmo caadi ahayn, waxna ay si ka yihiin, iyana cid aan Shamso ahayn lama wadaagto xiriirkeeda cusub iyo jacaylka bad-weynta ah ee ay dhex taagan tahay. Marka waxa ku soo kordhay la weydiiyo, wey is-maah-maahisaa, iyada oo ka raad-gadata in ay si toos ah u abbaarto fal-celiska weydiimaha dadka ku xeeran had-iyo-gooraalaba la ag taagan yihiin.

Dhanka kale, Dhimbil isagu jacaylka halka uu ka taagan yahay Raxmo kama marayo. Haddii ay Raxmo isaga keligiis xiriir caashaq la leedahay, isagu kan mid ka daran ayuu la jilaa qoor-casyo aan iyada ka dhicin. Haddii jacaylkeedu uusan qeyb-samin oo keligi qalbigeedu buuxiyey, isagu Jacaylkiisu waa qeyb-san yahay, waxaana maankiisa daqiiqaddiiba ku soo dhacaysa qalanjo jacayl kala dhexeeyo. Haddii ay Raxmo wakhtigeeda intiisa badan ku bixiso jacaylka ay la leedahay Dhimbil, isagu waxaa uu wakhtigiisa inta badan ku bixiyaa kala maaraynta iyo kala dabbaridda jacaylladiisa kala duwan. Labo kala bariday kala war la!

Markii ay indoor ah wada socdeen, oo waddo kasta oo jacayl kobcin karta la isla maray, ayuu Dhimbil waxaa uu ku soo qaaday Raxmo guur, taas oo in muddo ah oo ay ka wada hadlayeen kaddib, ay ka aqbashay Raxmo, oo iyadu aaminsanayd in guurka Dhimbil uu u yahay fursad dahabi ah oo hal mar soo martay.

GUURKII DHIMBIL IYO RAXMO

Habkii uu ku bilowday iyo halkii uu ku dambeeyey

Markii ay Dhimbil iyo Raxmo ku heshiiyeen in ay is-guursadaan, ayaa xoogaa yar waxaa ia iska waraystay qaabka uu guurkaas u dhici doono. Raxmo, waxaa ay u soo bandhigtay in Dhimbil aabbeheed ka doono, dabadeedna uu u saraeeyo aroos heer sare ah, una dhigo aqal muunaddii ugu dambaysey ah. Raxmo sababta ay fekerkaas ugu soo bandhigtay Dhimbil, waxa ay aaminsanayd, in aysan waxaas oo dhan waxba la ahayn, bacdamaa ay aragtay dhaqaalaha uu ku bixinayo la-haasaawiddeeda oo keliya.

Dhimbil taladaas uma riyaaqin, dhib ayeyna ku noqotay, sababta oo ah, weligiis-ba guur aan qudba-siro ahayn naag uu shukaansaday kuma mehersan, waxaa ayna la tahay ceeb, in nin dhallinyaro ah uu gabar doono. Isaga oo adeegsanaya af-miishaarnimadiisa ayuu meelo badan wax ka tustusiyey, dabadeedna muddo kooban kaga dhaadhiciyey Raxmo in ay isku mehersadaan qudba-siro, markaas kaddibna ay reerka guurkooda u bandhigaan, sidaasna uu ku aqal-gaysanayo.

Raxmo markii hore uma riyaaqin fekerka qubda-sirada, sababta oo ah, horay ayey dhawr jeer u maqashey gabdho inta la qudba-siraystay la xumeeyey iyo kuwo lagu inkiray- ba uur ay ku qaadeen guurka noocaas ah. Waxaa kale oo ay ogayd qiso naxdin leh oo ka dhacday xaafaddeeda, taas oo ahayd; in islaan ay taqaanay oo garoob ahayd, oo haysatay gabar weyn, in uu nin qudba-siraystay, oo in muddo ah isku qabeen guurkaas qarsoon. Nasiib-darro se, ninkii ay islaantaas is-qabeen ayaa si gooni ah u bartay gabadheedii oo uusan aqoon, taas oo keentay in ay iyadana qudba-siro isku guursadaan.

Sidii isaga oo iskula qaba ayey arrintii fashilantay maalin ay islaanta iyo gabadha oo isla socda ay isaga soo hor-baxeen meel dariiq ah. Is-waraysi kooban kaddib, waxaa ninkii u baxay in ay is-dhaleen, laakiin labada is-dhashay midkoodna ma rabin in uu ogaado kan kale in uu ninkaani qabo, isna naxdin darteed uma sheegin. Markii ay ka dhaqaaqeen ilaa gurigii ay tagayeen, ayey labadoodii is-weydiinayeen midka kasta meesha ay ninkaan ku baratay, taas oo keentay aakhirkii in arrintii ay fashilanto, deetana waxa ay labadoodii go’aan ku gaareen in ay cayrshaan ninkaas godadlaha ah. Arrintaas oo shaac noqotay ayaa gabadhii iyo hooyadeed ku bun-dubteen in aysan hadda kaddib guur aysan isla ogayn gelin, si aysan ceebta maanta qabsatay aysan mar dambe ugu dhicin.

Raxmo oo maanka ku haysay arrimahaas hore, isla markaasna taladaas ka walaacsan, misena og in guurka qudba-siradu uu Soomaaliya ka yahay dhaqan caadi ah, ayaa feker dheer kaddib guurkaas iska guddoonsatay.

Guurka qudba-siradu waa iska fudud yahay, sidaas awgeed, waxaa uu Dhimbil u yeertay Shiikh iyo laba ka mid ahaa saaxiibadiis, halkaas ayaana qol yar gudihiis labadoodii la isugu meheriyey. Markii la isku nikaaxiyey, Shiikhii isku meheriyey ayaa wacdi dheer oo xuquuqda lammaanayaashu isku leeyihiin halkaas ka jeediyey. Waxaa uu si wanaagsan uga faalleeyey, waajibaadka ninka saaran ee looga baahan yahay in uu u fuliyo haweeyneydiisa iyo midda laga rabo haweeyneyda in ay ninkeeda u qabato. Waxaa uu ahaa wacdi qalbiga lulayey, laakiin qof walba heerka uu gaarsiisan yahay iimaankiisu galayey.

Intii uu wacdigu socday ayaa Shaafici oo ka mid ahaa markhaatiyada, ahna saaxiibka gaarka ah ee Dhimbil, waxaa uu fiiriyey Raxmo, mise maxaa kaa gabar ah, maxaa se kaa il-madow ah! Mar labaad ayuu isha ku xaday, mise waxaa ka muuqda jidbo uu ku abuuray wacdigii Shiikha, waxa uuna maankeeda ka fasirtay, in ay ka fekerayso sidii ay ninkeeda xaqiisa uga soo bixi lahayd! Waxaa uu misena dhanka kale eegay wejiga Dhimbil, mise waxaa ka muuqata kohsi uu dhibsanayo wacdiga dheer ee Shiikha iyo sii joogidda Shiikha iyo Shuhuuddaba.

Markii uu Shiikhu wacdigii dhammeeyey, loona firaaqeeyey; ayaa Shaafici waxaa uu si gooni ah ugu yeeray saaxiibkiis! Dhimbil. Waxaa uu ku yiri “Walaal, waad arkaysay wacdigii Shiikha, aniga iyo adigana dhawr jeer ayaan howlo noocaan I ah isugu dhacnay, haddana waan arkayaa xitaa in aad magacaagii baddeshay, oo aad sidaadii hore ku socotid, caawa ayaa iigu dambaysa gabar dambe oo aan kula meheriyo ee fadlan gabadhaan wanaaji, haddii kale aniga iyo adiga waa inoo kala dhammaatay”. “Waa yahay walaal, waad igu og tahay in aan wanaajiyo” ayuu Dhimbil ugu jawaabay. Halkaas ayaana habeenkii la isugu firaaqeeyey Dhimbil iyo j Raxmo.

Markaan waa nin iyo xaaskiis isku xalaal ahe, oo xiiso badanj isku qabaye, waxaa habeenkaas halkaa ka dhacday ciyaarj kululayd. Habeenkaas iyo dhawr habeen oo xigtay-ba, Raxmo waxaa dhibayey kabaalka uu ninkaas walwaalayey ee uu dalqada ku gooyey. Kadaalli, qeylo, kashlayn, indha-caddeysj iyo abhin fara-badan kaddib, waa ay is-kala qabsatay markii] dambe, dareenkeeda oo waalnaa awgi.

Wixii habeennadaas ka dambeeyey, waxaa uu kulankoodu ahaa bishaaro iyo bilkhayr, waxa ayna galeen tamashle ka macaan haasaawihii, waxaana hadba la tagaa hoteel laga kireysto qol jiif macaan, oo saacadahaas si heer sare ah, loogu baashaalo, halkaas oo ay Raxmo ku baratay dhadham ay marqaanka dareen kaga maqsuuddo marka ay la kulanto Dhimbil, waxaana ka degay dareen muddooyinkii dambe aai ugu soo kordhay, gaar ahaan intii ay ninkaan is-barteenj waxaa kale oo ay fahantay su’aalo badan oo ay iska weydii jirtay guurka iyo lammaanaha is-qaba.

Dhimbil waa Sarkaal sare oo ay badan yihiin howl-galladiisa, socdaalkiisa, dhoocilo-goobkiisa iyo marqaankiise e, inta badan dhawrkii bilood-ba mar ayuu u soo tafaxaydtaa Raxmo, oo uu u soo baashaal tagaa, oo markaasna muddo hoteelladaas Xamar kula raaxaystaa, sidii uu ugu dhakhlaynayeyna, waxaa uu markii dambe gaarsiiyey, heer uu cambarkeedii siriqda adkaa ee qararkiisu uu ciriiriga ku ahaa, uu aad u dabco, oo isagiiba mar dambe uu halow ku noqdo, taas oo keentay, in iyada oo uu ka sii qash-dhacayey iska sii haysto, kana sii doon-doonto mid keedii uu weii u niggaxan yahay!

Raxmo waxaa ay iyadu sugtaa waa goormaad aqal-galaysaa, oo aad bilaabaysaa nolosha hooyanimo, laakiin-se waxaa ka dhaadhacsan, oo uu horay ugu sheegay Dhimbil, in ay jiraan howl-gallo Millateri oo uu ku mashquulsan yahay iyo arrimo kale oo uu iska soo xallinayo, marka uu ka soo firaaq noqdana uu aqal-geyn doono. Laakiin miskiintu ma oga, in uu Dhimbil yahay saqiir-ceejiye, ka qaraabta gabdhaha kol dhaw caada-keenay, oo inta muraayadaha hor istaaga naasaha iska tuutuujiya, oo marna naasaha kab isaga gaaraaca, si ay ugu soo baxaan, oo markii uu mid ka soo dabtana, inta ayaan la-baayakhleeyo, markii uu kala dhilqiyo oo uu isku furo, ka aag-beddesha.

Ninkaan Dhimbil ah, in uu noqdo saqiir saqar-juujiye, oo uu ka maag-maaqto gabdhaha weynaaday iyo garoobkaba, waxaa ku kallifay gabar Saynab la yiraahdo, cashar ay Xamar ugu dhigtay, oo mucjiso ku noqotay, taas oo keentay in uu beddelo shaxda uu Xamar ku soo galo, oo uu nocaan u dheelo! Saynab iyo Dhimbil mucjisada kala raacday, meel dhexe ayaan ugu tegi doonnaaye, ha sugi waayin.

Sannad kaddib, waxaa Raxmo ku soo baxay arrin ay horay uga wel-weli jirtay. Waxaa ku soo baxay uur iyada oo weli joogta bannaanka oo aan la aqal-geyn. Waxaa intaas u dheer maqnaanshaha Dhimbil oo batay iyo muddada sannadka madaxa kala baxday ee guurkoodii ka soo wareegtay iyada oo aan weli la aroosin, lana aqal-geyn.

Markaan arrinkii faraha ayuu ka baxay. Haddii ay Raxmo awoodday in ay guurkeedii qariso, hadda maya, oo wallac ayaa ku soo booday. Haddii ay isku day-day in ay wallacaas farsamaysato oo aan laga dareemin, calooshii ayaan la qarin karin! Waxaa ay is-qarisay-ba, waa la ogaaday uurkeeda. inta qoyskeeda warkii dhaafay ayaa xaafadda oo dhan gabdhuhu uga sheekeystaan, wiilasha xaafadduna biibatooyinka ayey uga shaah-cabbaan. Labadii qof oo xaafadda Xamar-Bile ama aaga-gaarkeeda deggan, markii ay kulmaan waxaa ay isku salaamaan “War niyuu ah nig dheh, mala socotaa xaalka Raxmo” iyo erayo la mid ah.

Dhib badan oo ay qoyskeeda kala kulantay kaddib, waxaa ay u sheegtay in ay si hoose isku guursadeen sarkaal sare, uuna haatan ku maqan yahay Shaqo Qaran, marka uu yimaadana uu aqal-geysan doono, taasoo qoyskii ay isaga qanceen, laakiin waxaa la weydiiyaa mar walba “Meeyey ninkaagii?” iyo su’aalo kale oo badan, oo ay u maara la’ dahay. Waxaa intaas ka daran asxaabteedii oo xan hoose ku bilaabay oo ay wejiga siin la’dahay, maadaama wax caddayn ah aysan siin karin. Waxaa taas uga sii daran niyad-jab ka soo food-saara ma: walba oo ay aragto aroos qiimo badan oo loo samaynayo gabdhaha asaaggeeda ah.

Markii uurka Raxmo la wada ogaaday, oo ay arrintii facshar noqotay ayaa eeddadeed dukaankii ka eayrisay, maadaama, iyada oo waayadan oo dhan shaqadeeda aysan la jacsanayn, ay misena keentay uur shaki badan dhaliyey, waxaa ayna aamisan tahay in gabdhaha uurka laga shakiyo wada a; yihiin dad aan biti lahayn oo ganacsigii loo dhiibo u’ musallafayo, taas oo markii ay ogaatay uurka Raxmo, a; garatay sababta uu dukaankeedii hoos ugu socday waayadc tan. Waxaa ay haatan Raxmo joogtaa gurigooda iyada oo aa waxba haynin, niyad-jabsan isla markaasna calooshu buuxdo.

Weydiimaha oo ku batay dartood, waxaa ay Raxmo ka go’da; saaxiibadeed, waxaa ayna ku soo koobantay qolkii ay seexa jirtay oo keliya. Muuqaal ahaan wey dhaban-shubantay indhaheedii waa gurmeen, waxaa ayna noqotay weyd caloo keliya ay ka soo horreyso. Waxaa intaas u dheer busaarad iy shiid, oo dukaankii ay dhaaraanka ka heli jirtayna waatan k here furihiisii lagala wareegay, ninkii Dhimbil ahaana war- iyo-wacaal toona lagama hayo.

Talo adduun baa haysata! Waxaa ku jira wel-wel iyo shaki, waxaa ayse ka dhursugeysaa seygeedii, iyada oo aan qiyaasi karin sida waayaha soo soeda ay wax noqon doonaan. Taas waxaa uga darmatay, saaxiibteed Shamso Cabdi ee ay wax kasta la wadaagi jirtay waa ka tagtay raagaalada Xaraar, waxaa ayna u dhooftay waddanka Sucuudiga oo ay shaqo u raadsatay, mana aysan lahayn saaxiib kale oo waxa hulaaqaya laabteeda ay u sheegato oo dejiya, talo siiya, lana jaal noqda oo ka difaaca arrimaha xun ee suuqa loo gelinayo.

Sidii ay uurka u qaadday, niuddo lix bilood ah il kama aysan qaadin Dhimbil, mana taqaan meel uu jiro, si ay ula xiriirtana garan mayso. Taar kama hayso, taleefoonna warkiisa daa, einwaanna haba sheegin! Wax saasa kama taqaan ninkeeda, marka laga reebo heybtiisa oo ay ku baratay sida uu ugu faano iyo deegaanka uu ka soo jeedo oo dhawr jeer ay ka maqmaqashey. Sidii ay ku taqaanay Dhimbil, intaas Xamar kama maqnaan jirin, taas oo misena ku abuurtay walbahaar iyo tiiraanyo hor leh, waxaa ayna ka baqaysaa in uu magaalada joogo, sidaana uu ku tala-galay! Sidii ay uga dhur-sugeysey ayey aragtay wakhtigii oo xawaare ku soeda, iyada oo sii cuslaanaysa iyo dhibaatada ku sii badanaysa oo ay ka wel-weisan tahay waxa ay u sheegayso waaridkeed iyo magac-xumada ka sii faafeysa maalinba maalinta ka dambaysa, oo qoyskeeda gadaal ugu soo laabanaysa.

Raxmo, waxa ay haatan aragtaa in uusan fadhi u ool, jiif iyo fekerna waxba u keenayn. Waxa ay bilowday in ay toosh afar qaad ah ku baadi-goobto Dhimbil. Inkasta oo aysan aqoon dheer u lahayn dhalasho-hoosaadkiisa iyo qaraabadiisaba, laakiin waxa ay wax yar ka taqaan qaar ka mid ah meelaha uu nasiinada u tago iyo xoogaa ka mid ah majaalis- marqaaneedka uu fariisto. Waxa ay sida oo kale taqaan dad dhawr ah oo ay ku ag baratay intii jacayl abuurka ay ku jireen. Waxaa ay baadi-doonkii Dhimbil u samaysatay qorshe-howleed, waxaa ayna ka bilowday toddobaadkii koowaad dhawr meelood oo ay Xeebta Liido ugu horreysey, nasiib-darrro se waa ku soo hungowday, oo kama soo helin. Waxaa ay misena bilowday in ay ka indha-indhayso meelaha uu mari jirey iyo xarumaha uu rukunka ka ahaa ee uu jaadka ka qaadan jirey.

Maalmo dhawr ah kaddib, waxaa ay si nasiib ah ku heshay isaga oo gaari qurxoon oo Laangaruusal ah lagu wado meel u dhaw Bangiga SilsUad-weyne. Gacania ayey u taagtay. Waa uu arkay, waxa uuna gartay Dhimbil in qofta gacanta u taagaysa ay tahay Raxmo. Waa u istaagay, inta u soo degtayna nabdaadiyey. Waxaa ay ku catowday sababta isaga oo magaalada jooga uu u soo raadin waayey, iyada oo uga sheekeysay uurka ay u qaaddey iyo dhibaatada qoyskeeda iyo qaraabadeeda kaga soo wajahay arrintan!

Waa hadal-yaqaan misena dhaqanka gambooleyda yaqaanne e, waxaa uu isugu daray hadal qurxoon, cudur-daar maan- gal ah iyo xoogaa dhaqaale ah oo uu markaas hayey iyo weliba ballan uu u dhigay in uu iyada iyo qoyskeedaba uu gurigooda ugu imaanayo, taas oo ay ku qanacday Raxmo, waxaa ayna ka dhaqaaqday goobtii iyada oo maqsuudsan, isagana, isaga oo dhoolla-caddeynaya gaarigiisii sii raacay. Gacan-haatis, Macasalaamo, Bye iyo Jaaw ayey isa sir lahaayeen ilaa ay sii kala libdhayeen.

Raxmo markaan waxbaa ka fuqey, niyadda ayaa xoogaa u degtay, waxa ay isla heshay balian-qaad ay ku rajo weyn tahay, in sidii loogu tala-galay uu u dhacayo iyo xoogaa dhaqaale ah, maadaama ay waayadan oo dhan wax la’aan ahayd, waxaa ayna hadda is leedahay waxa aad niyadda ku sasabto, reerkana u sheegto ayaad haysaa. Markii ay gurigii gaartay oo reerkii u tagtay-ba, waxaa ay siisay vvar-bixin ku saabsan la kulanka ninkeedii iyo ballan-qaadkii uu u sameeyey, waxaa ayna u sheegtay in mar dhaw la-aqal-gey doono, ninkeedana uu reerka sooryevn doono, iyada oo dhanka kalena wax ka siisay xoogaagii fara-qabsiga ahaa ee uu soo siiyey. Rcerkii arrinkaas waa rumeystay waana soo dhaweeyeen, aqbal iyo ijaabo ayey dheheen, waxaa iyagana dhankooda ka siibmay warmo wadnaha kaga wada lig-lignaa.

Habeennadu waa ay is guraan, wakhtiguna deg-deg ayuu ku socdaa, waxaa ayna ka dhursugeysaa marka xiiliga balianta la gaaro, qaabka uu Dhimbil u maarayn doono howlaha ragaadiyey ee qeyrkeed ka reebay. Waxa uu xilligu socdaba, waxaa la gaaray wakhtigii lagu ballamay. Laakiin sidii ballantu ahayd, Raxmo wax war-iyo-wacaal ah kama helin Dhimbil, muddo xoogaa ah kaddibna waxaa ay dhashay wiil – ay u bixisay Faarax – iyada oo weli iaga sugayo Raxmo ninkii ay sheegtay in uu guursaday. Qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii Raxmo waxaa ay ka war-sugayeen ballantii ay tiri ninkiibaa ii qabtay. Laakiin markii la gaaray ballantii xilligeedii, misena muddo badan laga joogo, lana vvaayey ninkii ay Raxmo sheegaysay, waxa ay is-tuseen in aysan Raxmo waxba faraha ku hayn, ilmahaanna yahay ilmo ku yimid gogol-dhaaf ay ku khaldantay, lana jihanayso maarayntiisa iyo meel-u-yeeliddiisa.

Dhawr goor ayaa gabdho deriska ah u yimaadeen, oo u sheegeen in arrimaha noocaan oo kale ah aysan iyadu ugu horreyn, oo gabdho Soomaaliyeed oo badan ay gogol-dhaaf kaan oo kale ku dhaceen. Waxaa ay ugu caqli celiyaan “Abbaayo is-deji, wiilkaan Allaa ku siiyee iska hayso, hadda kaddibna, annaga iyo adigaba tusaale ayuu inoo ahaanayaa arrinkaan!”. Waxaa ay haddallada gabdhahaasi ku sii holciyeen dab iskiis isaga daarnaa, waxaa ayna ka qaadday dhib iyo walaahow kale.

Raxmo markaan waxbaa iska beddelay dareenkeedii oo dhan, waxaana u caddaatay haatan, in ay ku fududaatay guurka ninkaan. Waxaa ay u aragtay Dhimbil in uu yahay nin xun. Waxaa ay garowsatay in hadda, mar kale, jiif iyo joogba ku raadiso. Waxaa ay u diyaar garowday dagaal, waxaa ayna samaysatay gaarruun ay hoosta ku wadato, oo haddii xaalku xumaado – lacalla – ay isticmaasho, marka ugu horreysa ee ay indho ka qaaddana ay gorodda iska laalaadiso, oo Rabbi iyo Ragba tusto. Kama qabto wax rajo ah aayo-la-wadaaga Dhimbil, weyna ka uur go’day, laakiin waxaa ay u raadineysaa oo keliya hadda, in ay madaxeeda ka hesho iyo in ay ehalada ku qanciso in uu guurkeedu jiray, oo xanta suuqa loo geliyey ay tahay been iyo huuhaa.

Markii ay ka baxday ummushii, ayaa waxa ay raadin iyo goobid ugu dhaqaaqday Dhimbil. Waxa ay ballansatay laba gabdhood oo ay taqaanay oo ay isku xaafad ahaayeen, oo ay horay uga dareentay in ay hadalkeeda rumeysan yihiin kana damqanayeen dhibaatada haysata, iyada oo ka codsatay in ay caawiyaan, iyaguna waa ka aqbaleen.

Maadaama ay dagaal galeyso, waxaa ay ku war-gelisey labadii gabdhood in ay dagaal u diyaar-garoobaan, waxaa ayna mid kastana u dhiibtay dhamas ay ku dagaalanto haddii arrintu gacan-ka-hadal gaarto. Waxaa ay ka anbba-qaadday in ay ka goobto meel kasta oo ay raadkiisa ka heli karto, oo ay ugu horreyso meelihii markii ay gabadha ahayd uu geyn- geyn jirey iyo asxaabtiisii, kuwii ay ku ag baratay.

Waxaa ay ka bilowday hoteellada iyo albeergooyinka magaalada, kuwii ay horay ugu baratay ee ay ka wada qaxweyn jireen xilliyadii is-barashada iyo jacayl-unkanka. Waxaa ay afka saartay oo abbaartay hoteelkii Jubba, oo uu teg-tegi jirey, iyada oo hoggaaminaysa labadii gabdhood. Lacag gaari lagu raaco ma haysane, lugta ayey la jafeen, ilaa ay gaareen halkii loo jeeday. Markii ay hoteelkii gaareen ayey labadii gabdhood waxaa ay ku tiri “Halkaan ii sii jooga aan soo ogaado in uu joogo iyo in kale e”.

“Anna Xamdi abbaayo”. Raxmo oo iyada dhibka haya moodaysa in ay gabdho badan la qabaan ayaa Xamdi weydiisey, sababta ay halkaan u timid. Xamdi ayaa markaas u sheegtay, in ay ninkeeda oo la yiraahdo Axmed halkaan ku ballansan yihiin, oo ay sidaas u timid. “Oo abbaayo guri iskuma joogtaan miyaa?” ayey weydiisey, iyada oo la yaabban waxa gabadhaan yar waalay! Xamdi ayaa ugu war-celisey “Maya abbaayo, waan is-meher xadney, waxaana ku ballansannahay in aan mar dhaw aqal-galno, maadaama aan haatan wallac ahay, oo aan muddo is-qabnay”.

Raxmo oo ka shakisan in ay inantaani waddadeedii halaagga ahayd ku taaggan tahay, oo Dhimbil oo kale helay, ayaa tiri, “Abbaayo, Allaha idiin fududeeyo aqal-galkiina, aniga mid la yiraahdo Dhimbil, oo aan is-qudba-sireysanney ayaa ilmo iga dhaley, misena iga dhuuntay oo aan hadda halkaan ka raadinayey bal in uu joogo, oo haddii aan helo balaayo na kala raaci doonto.”

Xamdi hadalka Raxmo waxbaa ka raacey, waxa uuna ku dhaliyey shaki iyo wax-is-weydiin badan. Waxaa ku soo dhacay in ay macquul tahay in ay ku dhacdo waxa ku dhacay gabadhaan, laakiin waxa ay isku maaweelinaysaa, in ninkaani jecel yahay ee uusan la mid noqoneyn midka Raxmo wareeriyey ee hor-iyo-hoyaadka u diidey ee gaarsiiyey in ay maanta laamiyada wareegto oo ka bidhaan-raadiso. Marbaaba niyadda waxaa qalow uga soo yiri hadal ay hooyadeed iyo dumarka qaar ka maqli jirtay oo ahaa “Rag lama aamino”, markaasey is-weydiinaysaa waxa oraahdaas laga wadey. Iyada oo xoogaa aamusneyd, maskaxdeeduna weydiimo iyo war-celis ku mashquulsanaayeen ayey inta ku soo jeesatay Raxmo ku tiri “Haye abbaayo…Mahad-sanid, Allaha umuuraha wada sakhiro.”

Dhimbil oo hoteelka kula ballansanaa Xamdi ayaa sheedda ka arkay Raxmo iyo Xamdi oo wada taagan. Waa uu rumaysan waayey. Isha ayuu mar labaad ku celiyey, mise waa labadoodii oo uu midna hilmaamey midna uu meesha kula ballansanaa. Waa aamini waayey, misena inta istaagey ayu qooraansadey, raise dadku waa iyagii laftoodii! Waxaa uu qaatay in ay horay isku yaqaaneen, oo ay hadda isaga isk wareysanayaan, oo uu halkaas ku kashifmo. Inta fadhigii s deg-deg ah uga istaagey, ayuu hoteelka laababkiisa mid mid ah galey, isaga oo go’aansadey in uu labadaba liifadda u| gaabiyo inta uu xaalku degayo.

Markii ay kala bogteen labadii gabdhood ayey inta is-macasalaameeyeen mid walba danta ay u timid raadsatay. Xamdi ayaa fiir-fiirisey meelaha uu fariisan jirey saaxiibkeed, mise maba joogo, xilligii ballantana waa la gaaray! Waxaa ay niyadda iska tiri “Bal xoogaa sug”. Cabbaar ayey fadhidey meesha, mise ma leh! Markii ay saacado badan sugeysey, sharqanna u bixi weyday ayey isaga tagtay, waxaa ayna abbaartay gurigeedii.

Xamdi waxaa weli ka go’i la’ hadalkii Raxmo, waxaana ku batay shaki maadaama ay weyday saaxiibkeedii ay hoteelka ku ballansanaayeen. Waxaa ay is-leedahay armaa arrintii Raxmo qabsatay kugu bilaabatay hadda, oo aad adiguna qaaddaa jidkii ay haysay Raxmo. Iyada oo sidii wax isku weydiinaysa, oo dadka aaga-geerkeeda marayey fekerkeeda iyo isla-hadalkeeda dareemayeen ayey gurigeedii tagtay, iyada oo aan wax xal ah uusan ka soo bixin wada- sheekeysigeedii.

Dhanka kale, Raxmo waxa ay ku wareegtay hoteelka oo dhan, ninkiina il kama aysan qaadin. Xitaa ma aysan arag dad kale oo ay taqaan oo ay weydiiso. War-wareegeedii waxaa arkayey dadkii hoteelka ka qaxweynayey oo dhan, oo qaarkood u qaateen in ay tahay qof soo shaqo tagtay, oo wax fariisiyo la’! Marka ay ingooraa leh eeg-eegaysey, asay wax u bixi waayeen, ayey iyada oo neef tuureysa, qalbi-jabsanna iska baxday. Gabdhihii dibedda ku sugayey ayey inta u tagay ku tiri “Ina keena, maqaafaadkii halkaan waan ka waayaye’’. Way raaceen gabdhihii, iyaga oo tuhun cusubi galay, oo ah in ay gabadhaani waxaa ay sheegayso wax u dhimman yihiin.

Raxmo, go’aankeedii baadi-goob intaas kagama harin. Waxaa ay maalin kale biyeysatay ubbadeedii, horayna u kaxeysatay labadeedii saaxilb, oo markaan caga jildaya, oo horay u soo lashadey. Waxaa ay goor galab ah abbaartay hoteelkii Curubo oo uu mar mar ku mayracan jirey. Markii ay gaareen hoteelkii, ayey gabdhihii sidii ku tiri “lllinka ii sii fariista, haddii aad maqashaan hurgan iyo qaylana soo orda xaalku caadi ma ahane, haddii kalena anaa idiin war-keenine isuga”.

Markii ay hoteelkii soo gashey ayey kor ka aragtay isagii wax u eg, oo naag la fadhiya. Waa ay maleysan weyday, markaasey inta istaagtay si fiican u eegtay, mise ninku waxaa uu u eg yahay ninkii ay raadinaysey. Dhimbil, oo isna la fadhiya qalanjo ay maalmahan is-calmadeen, oo xabbad sigaar ah inta shitay hadba gees u afuufaya ayaa isha ku dhuftay Raxmo oo ku soo socota. Inta naxay, oo yaabey, ayuu gabadhii uu la fadhiyey ku yiri “Gacaliso, howl deg-deg ayaan soo xasuustay, hoteelka ayaan galayaa, waana kuu soo laabanayaa, haddii aan kaa soo daahana iska sii tag, mar kale ayaan kulmaynaaye”. “Gacaliye, aniga laftaydu waan daahey, waana sii baxayaa markaan dhammaysto cabitaannadan, ee waa inoo mar kale” ayey ku tiri “Haye” intuu yiri, oo si deg- deg ahna ku baxay, ayuu hoteelkii dalaq yiri.

Raxmo oo saan dheereynaysa, shakina ku jirey oo, is-lahayd “Ninka ku dhawow in uu yahay isagii iyo in kale aad kala xaqiiqsatide” ayaa inta ay soo socotay waxaa isku gudbey gaari hoteelka ka baxayey. Waa ay joogsatay intii uu gaarigii ka gudbayey. Markii uu gaarigii gudbey ayey soo dul istaagtay halkii uu ninkii fadhiyey, mise waxaa fadhida oo ku sharaab-cabbeysa gabadhii ay arkaysey oo keliya, ninkiina ma leh! Waa gabar yar oo ay ugu jirto, oo adduunku haatan u hillaacayo, oo marka ay aragtay qaabkeeda ay soo xasuusatay sida ay ahaan jirtay oo ay u taagnaan jirtay iyo sida ay hadda, jir iyo horaaddaba u yaac-yaacayaan!

Raxmo inta gabadhii ag fariisatay ayey sheeko indha-adayg ah la gashay. “Abbaayo, dadku in ay is-bartaan waa wanaagsan tehee, waxaa la i yiraahdaa Raxmo ee adigu magacaa?” Inta gabadhii la yaabtay gabadhan iska soo ag fariisatay, raisena barashadeeda qal-qaalsaneysa, ayey u sheegtay magaceeda. “Abbaayo, anna Shaqlan baa la i yiraahdaa”. “Abbaayo, markil aan halkaas ka soo socday ran baa kula fadhiyee meeyey?” ayey weydiisay. “Abbaayo, waa uu deg-degsanaayoo waa uu baxay” ayey ugu jawaabtay. “Abbaayo, ma walaalkaa buu ahaa?” ayey misena weydiisey. “Maya, waxaa uu ahaa saaxiibkey” ayey ugu jawaabtay. “Abbaayo, magaciis?” ayey mar kale haddana weydlisey. Inta Shaqlan la yaabtay weydiimahan aan magaaliga ahayn iyo afaare-hoosaadka ay gabadhani xulayso ayey ku tiri “Abbaayo tan waan kaaga jawaabin, laakiin su’aal kale ima weydiin kartid. Ninkaasi waa saaxiibkey waxaana la yiraahdaa Jaamac Axmed”. Halkaasna uga aamustay.

Raxmo, gabadhii markii ay cabbaar la joogtay ayey inta ka kacdey meel kale fariisatay bal in ay aragto ninkii u ekaa Dhimbil si ay u xaqiiqsato. Markii ay in muddo ah fadhidey uuna soo laaban waayey ninkii, ayey inta kacdey ka fiir- fiirisey bannaanka iyo golosha hoteelka. Markii ay indhaheedu waxba qaban waayeen ayaa iyada oo haantaa- wilfaysa iska baxday. Dhanka kale, Dhimbil oo hoteelka gudahiisa ku jirey ayaa meel kore ka qashiyey Raxmo, sugayeyna ilaa ay ka baxaysey.

Intii ay maqnayd Raxmo ayaa labadii gabdhood ee la socotay is-waraysteen, waxaa ayna ku tashadeen, in haddii ay Raxmo maanta wax war ah keeni weydo, aysan mar dambe soo raacin, waxa ay sheegaysana uu yahay war been ah iyo gacmo-daalis, wakhtina mar dambe nooga lumin. Raxmo marka ay ka soo baxday ayey u timid labadii gabdhood oo si hoose u sheekeysanaya. Waxaa ay ku tiri “Abbaayo soo baxa, jinni dhifseygii waayaye”. Inta hoos iska qandhuufteen ayey dheheen “Haye”, markaasna xaafaddii loo sii wada hadaafey.

Raxmo, markii ay gurigii ku laabatay, waxaa ay ka shaqeysiisey maskaxdeedii. Waxaa ay is-weydiinaysaa “Ma intaas baad uga hari kartaa raadinta Dhimbil? Maya … maya.

Laba jeer baad weerar baadi-goob oo lixaad leh qaadday, oo aad ku guul-darraysatay, armey guul-darradani iska soeotaa, oo ur kuu bixi weydaa? Maxaad samaysaa? halkee se mar kale wax ka bilowdaa?”. Iyada oo weydiimahaas badan is- wey-weydiineysa, ayaa waxaa ay dib u milicsatay murtida iyo maahmaahyada Soomaaiiyeed. Waxaa qalbigeeda ku soo clhacay oraah dhaheysa dadaalaa waa gaaraa. Markii ay dhadhansatay macnaha murtidaas, waxaa ay ku adkaysatay in aysan ka niyad-jabin raadinta Dhimbil, oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuusho ilaa ay gacanta ku soo dhigayso ninkaasi.

Raxmo, mar ayey is tiri “Bal waa intaas oo, sidii waagii hore oo kale aad ka heshaa laamiyada e, laamiga MAKA AL-MUKARAMA qaad, waxaa laga yaabaa in aad aragto isaga oo gaari laanguruusal ah la xiimayee”. Way og tahay in aysan saaxiibadeed lugtaan dheer ee bilaa biya-cabbaalka ah ka bixi karine, iyada oo keligeed ah, ayey inta gaarruunkeedii hoosta sii gashatay, cagteedii maashay.

Waxa ay lug ka soo bilowday laga soo bilaabo hoteelkii Curubo, waxaa ay hore u soo martay hoteelkii Shabeelle iyada oo soo qaadday laamiga hor mara hoteelkii Jubba, waxaa ayna socotay ilaa sarta Soobbe. Hadba gaariga ay ka shakiso oo ula ekaada kuu wadan jirey oo kale ayey gacanta u haatisaa, markaasaa qaarna dhaafaan, kuwa u istaagana waxaa ay u maleeyaan qof maciin u baahan, marka ay soo dul-istaagto ayey gaariga gudihiisa fiir-fiirin ugu dhaqaaqdaa, iyada oo gaarruunkeediina la soo baxda, markaas baa loo maleeyaa qof waalan, isla markiina inta muraayadda laga dallacdo laga cararaa. Waxaa ay tagtay sarta Soobbe iyada oo aan waxba helin. Markaasey misena Soobbe ka soo dhaqaaqdey kuna timid hoteelkii Curubo, kana aaddey gurigeedii, iyada oo aan waxba soo helin, cagihiina ay soo dil-dilaaceen. Kaaga sii darane, waxaa ay ahayd Maarso – bisha Xamar ugu kulul, mana aysan haysan waxaa ay biyo ku cabto, iyada oo dhuuntii qallashey ayey gurigeedii ku soo laabatay.

Waxaa ay gurigii tagtay iyada oo daallan, qalbi-jabna ka muuqdo. Inta wiilkeedii naaska u dhigatay, oo seexsatay ayey sariirta isku tuurtay. Dhibka haysta darteed, hurdo kama soo dhicine, waxaa ay gashey bad xasuuseed, waxaana daqliqad daqiiqad u soo hor mara sidii ay ahaan jirtay iyo sida ay maanta tahay. Waxaa ay soo xasuusataa barashadii Dhimbil, guurkiisii iyo dhibaatada uu baday! Waxaa hadba la soo hormariyaa sumcaddii ay bulshada ku dhex lahaan jirtay, sidii looga heybeysan jirey iyo waxa maanta suuqa u yaal. Wax walba waxaa uga daran waaridkeeda ku faani jirey, oo meel walba ka sheegi jirey sida ay maanta yihiin, ugana shalleysan yihiin magac-xumadaan suuqa u gashay, waxaa ayna ka dareentaa wejigooda in ay ka xun yihiin dhalashadeedii. Mar ayeyba is leedahay, maxaad boostaalihii sidaan ogaa kuu soo dooney, oo kuu sharfey u guursan weyday, maanta waxaan kuguma dheceene! Iyada oo ka qoomameysa taladii Saaxiibteed Shamso.

Iyada oo garni la’, badahaas xasuuseedna dhex jibaaxeysa ayey bilowday in ay ka shallayso fudeydkeedii hore, Allana ka baridey in uu xaalkeeda furdaansho iyada oo mararka qaar ku cel-celineysey erayadan calaacalka ah:

Adduunyadu kadeed iyo

Waxaa yaal kurbiyo hoog

Anigoon kaskaygiyo

Caqligeygu kobac gelin

Kal horaadkii sannadkaan

Soo wiil kubbaysani

Kaftan ilama soo gelin

Kix-kixdiyo ciyaaritii

Hadba kulanka meel wacan

Kama koobin sheekadi

Anigoon ka filayn

Guri uu kireystiyo

Niman meesha kuudidey

Qol kadeedan ima geyn

Nikaax kadisa iguma xiran

Deedna meeluu kabihiyo

Kob uu jaan iyo cirib dhigay

Karaankey ma deydeyin

Hadda soo kurbiyo ail

Kaligey kumaan noqon

Saaxiibadey kurtood iyo

Kulli ehelki kama go’in

Kariimow Allahayoow

Kaabe kale ma haystee

Kashifoo wixii dhacay

Iga fayd kurbadan ba’an

Fadhi uma yaalla e,

Iyada oo erayadaas ku cel-celinaysa, ayaa waxaa ku soo dhacay hoteeika Weheiiye, oo uu mar mar aadi jirey. Markaasey maanka iska tiri “Galabta halkaas ku dhar-dhaar, waxaa laga yaabaa in Alle keenee”. Iyada oo aan weli nasan, ayey hoosta ka xarriiqdey in ay hoteeikaas foodda saarto. Waxaa ay u cid dirsatay labadeedii saaxiib, kolkaasey u imaan waayeen. Inta aadday ayey lug guryahoodii ugu tagtay. Waxaa ay wadiisatay in ay galabtana raacaan, oo ku weheliyaan dullaan kale oo ay qaadeyso, kuna wajahan hoteeika Weheiiye, laakiin markaan waa ka diideen, waxaa ayna dheheen “Abbaayo, laba jeer ayaan ku raacney, waxaan luggooyo ahayna kamaanaan keenin, marka abbaayo waxaan jirin hannagu luggoyn, haddaad aadeyso adigu aad, haddii aad dad ku raaca u baahan tahayna, gabdho waa badan yihiine, kuwo kale kaxeyso”.

Raxmo, hadalka gabdhahaani waa ay ka naxdey, laakiin waxba uma dhimin, ee kaligeed ayey Eebbe tawakashey, waxaa ayna isku siidaysey hoteelkii. Ma aysan haysan waxaa ay gaari ku raacdee, cagteeda ayey maashey. Waxaa ay sii wid-wid tiraahdaba, waxaa ay iyada oo noogsan isa sii taagtay hoteelkii. Marka ay irridda sii galaysey ayey aragtay Xamdi oo luudeysa oo diif iyo dac-darro ka muuqato oo hoteelka ka soo baxaysa. “Xamdi soo ma ahan?” ayey inta Raxmo gacan-qaaday weydiisey. “Haah, Abbaayo waa iyadiiye ii warran?”. Iyada oo aan weli hadalkii ka bixinna sii daba-dhigtay “Abbaayo, weli ma ninkii baad goobeysaa mise si kale ayaad halkaan u timid?”. “Abbaayo, weli ninkii baan goobayaa, mana helin” ayey Raxmo ku catowday, iyada oo Xamdi-na xaalkeeda weydiisey.

Xamdi ayaa uga faaleysey Raxmo wixii halkaan keeney “Abbaayo Raxmo, wixii kugu dhacay ayaa anna i haysta, ninkii waagii aan kuu sheegayey, ayaan hadda u leeyahay lix bilood oo uur ah, ilaa maalintii aannu ku kulmaynay hoteelka Jubba, sidii uu iigu gooyey ayaan ilaa hadda u la’ahay, meel uu jaan iyo drib dhigayna ma aqaan. Hoteellada ayaan ka raad-raadiyaa, haddana hoteelkaan ayaan ka soo raadiyey waana ka waayey, haatanna gurigii ayaan u sii lugeynayaa”. “Alla, Abbaayo dhibkaas waa na wada haystaaye, Allaha noo wada sakhiro, anigu qudhaydu hadda hoteelkaan ayaan ka raadinayaaye”. Sidaas ayeyna, iyaga oo isku ducaynaya ku kala tageen.

Xamdi, 9 bilood ka hor ayaa waxaa ay ku dhacday dabin u yaaliey Dhimbil marin u dhaxeeyey Is-goyska Xariiryaale iyo Geed-jacayl – oo ay degganeyd – oo u ahayd jid ay marto marka ay ka timaaddo ama aadeyso Dugsigii sare ee 15-ka Mey oo ay dhiganaysay fasalkiisa labaad. Dhawr jeer oo uu laamiga ka soo qaadey iyada oo lugeynaysa, oo uu marna Iskoolka geeyey, marna xaafaddeeda, ayuu inta la yaabey nacnaca iyo subagga ay tahay gabadhaasi u daadiyey malab iyo sokor, markaasey inta macmacaankaasi la tageen ku rideen shabaq aysan ka fakan karin.

Xamdi waxa ay ahayd curadda reerkooda oo ka koobnaa waalidkeed, laba wiil iyo saddex gabdhood. Waxa ay ahayd 15 jir, sannad ka hor qaan-gaartay, misena cun-cun hoose Shaydaan ku fiid-kiciyaye, jacayl xad-dhaaf ah oo maasheeyey, oo uu ku abuurey saaxiibkced Axmed uu gaarsiiyey in aysan hadal ka keenin meher qarsoodi ah oo uu ku xirtay, taas oo keentay in ay maanta lix bilood tahay, oo waxa ay qarsataba bannaanka is keenay. Xamdi waxaa ay kaga duwan tahay Raxmo, waxaa ceyriyey waaridkeed, kaddib markii ay sheegi weyday ninka uureeyey magaciisa oo saddexan, haybtiisa iyo halka laga helo, taas oo keentay, in loo qaato in ay game waddo, waxaana loo eryey in aysan reerka faddarayn, magac-xumadeedana guriga laga fogeeyo, kuna quus-qaataan labada gabdhood ee kale ee ka yar-yar, waxa ayna hadda la nooshahay Abtigeed. Waxaa kale oo intaas u weheliya, waxa ay ka hartay dugsigii sare, ceeb iyo sharaf-darro darteed.

Intii aysan waxaan qabsan ka hor, waxaa ay ahayd gabar quruxda Eebbe siiyey darteed – ay ku tartamaan dhallinyarada eynigeeda ah, waxaa-ba mar dhaeday, in ay wiilal badan isku laayeen xod-xodashadeeda.

Xamdi waxa ay ahayd gabar markaas madaxa la soo kaeday, oo ahayd carjaw korriimo deg-degtay welina korriimo ku socoto, oo duxda dabiiciga ah ee korkeeda ka muuqda laga subkan karo, quruxda ka muuqatana, waxaa ay loollan u geli kartaa tartanka quruxda adduunka. Waa fanaxley soo jiidasho leh, midab-ifeysa, bashaash ah oo furfuran, oo dhuuban oo dheer.

Ma aqaan macmaanka iyo waxaa ay badsatee, waxaa kor ka muuqan jirey horaaddadeeda oo aad u karay oo shaatiga guluusyadiisu la xirmi la’yihiin, oo labada badhan dhexdoodana xoogaa wax laga qishi karey. Surwaalka ku dheggan marka la eegana, wax badan ayaa laga sawiran karey, taas oo keentay in markii ay dugsiga aadeyso araa ka tagayso ay rag badan oo aan iska-warqabin daba galaan. Timaha madow ee jilicsan ee dhirirka badan iyo wejiga gaduudan lagama yaqaan gabdhaha maqabiyaadka ah ee guryaha Xamarweyne ku oodan. Waxaa laga dheehan karey labbiskeeda iyo nolosha ka muuqata in ay ka soo jeeddo qoys barakaysan, oo adduunyadu gurigooda ay ugu timid. Nimcooyinkaas iyo kuwa kale oo badan ayaa Xamdi loogu daw-galay.

Raxmo, hoteelkii ayey horay u gashey, waxaa ay fuushey qeybta sare ee lagu casaryeyn jirey, mise waxaa ay isheedu qabatay nin wejigiisu uu ku yaalley, laakiin ay garan la’dahay meel ay u saarto. Waa ay eegtay, misena eegtay, oo aad ugu fiirsatay, waxaa ayna ka shaqeysiisey maskaxdeeda. “Alla, waxaa uu u eg yahay ninkii meherkeygii markhaatiga ka ahaa!” ayey is-weydiisey. Waa sii eegtay, waxaa ayna xaqiiqsatay in uu yahay mid ka mid ah markhaatiyaashii meherkeedii.

Inta soo ag fariisatay miiskii u fadhiyey ayey salaantay. Waa uu eegay, mise waa qof uu isna bar-garanayo, laakiin uu soo dhifan la’yahay qofka uu ahaa. Inta soo dhaweeyey ayuu salaantii ka qaadey, waxa uuse weydiiyey qofta ay tahay. Waxaa ay tiri “Walaal, waa Raxmo”. In uu garan waayo inta ay ka baqdey, ayey misena sii raacisey “Waa Raxmadii aad saaxiibkaa ku meherin jirtay”. “Alla, naa Raxmo ii warran? Maxaa sidan kuu galey?!’’ ayuu weydiiyey. “Abboowe, waa nabad, waxa sidaan ii galey, waa waxa aan galabta kuugu imide, waana kaa dharjin” ayey ugu jawaabtay. Waxaa uu u yeerey adeegihii hoteelka, waxaa uu ku yiri “Waxaa ay gabadhani kaa dalbato u keen”. Daiabkii inta ka qaadey ayuu u dooney waxaa ay dalbatay. “Raxmo, bal ii warran” ayuu Shaafici ku yiri.

Raxmo, inta aysan u warramin ayey weydiisay ninkii uu shuhuudda u ahaa in uu joogo iyo kale. Waxaa uu u sheegay in uu ninkii magaaiada Xamar joogo. Raxmo ayaa markaas bilowday in ay ninkaan ku cabato, si wanaagsanna oga sheekeysey – sal iyo baar – dhibka haysta iyo sida uu ninkaas u galey! Ninkaan weji ahaan ayey u taqaan laakiin magaciisa ma garaneyso, habeenkii la meherinayeyna waxaa dhaafiyey magaciisa xishoodkii iyo yax-yaxii ay ka qabtay guurka. Mar labaad ayuu magaciisii “Shaaficf ugu soo celiyey, waxa uuna u ballan-qaadey, in uu arrintaas wax kala qabanayo, isaga oo u qalbi dajiyey, waxa uuna ku ballamiyey toddobaad kaddib, isla hoteelkaan. Waxaa ay ka codsatay, in ay soo kaxeyso aabbeheed, isna waa ka yeeley. Raxmo neef ayaa ka soo boodday, waxaa ayna ku faraxday, in ay hadda dhabbe u heshay guurkeedii iyo ilmaheedii oo wel-wel weyn ku hayey.

Markii ay gurigii ku laabatay, waxaa ay qoyskii u sheegtay in ay soo heshay caddeyn ka mid ah in uu guurkii sax ahaa oo uu jirey. Waxaa ay u sheegtay in ay heshay nin ka mid ah raggii shuhuudda ahaa, isaga oo ballan iyo wacad ku marey in uu ninkaas toddobaadka soo socda ka keeni doono dhaqid ama dhigid midkood. Waxaa ay sidaa oo kale waalidkeed u sheegtay in ay setimaanka dambe ku ballansan yihiin hoteelka Weheliye, aabbeheed Qaasim-na ku wehelin doono kulankaas. Waalidkii laftoodii neef ayaa ka soo fuqdey, maadaama ay aaminsanaayeen in ay ceeb dhex dabaalanayeen, ummaddii taqaaneyna ay wejiga siin la’yihiin arrinta Raxmo darteed.

Shaafici waa nin madax sare oo ciidan ah, oo ay saaxiib dhaw yihiin Dhimbil, waxa uuna ku yaqaaanaa in uu yahay laayaan dumarka u daran, oo ay u dheer tahay balwad xun oo arrimahaan oo dhan sabab u ah! Raxmo keliya ma ahan inta uu naag la meheriyey, ee ciiddaas ayey ka badan yihiin inta uu u keeney gabar jalaqsan oo qoor dheer oo uu jacayl waali ah ka soo dhaamiyey. Shaafici isagu dhaqankaas ma leh, oo waa gob iskala sarreeya xumeynta iyo dumar-kala-qarinta, saaxiibkiisna wax badan ayey arrimahaas isaga hor yimaadeen, wax badan ayuu ka wacdiyey oo ka waaniyey dhaqankaas xun, laakiin saaxiibkiis dhag jalaq uma siin. Shaafici waxaa uu horay u go’aansadey in uusan mar dambe howlaha saaxiibkiis fara-gashan, gabar ka dambeysa Raxmana uusan la meherin, isaga oo markii ugu dambeysey ka codsadey, in uu Raxmo hagaajiyo, taasoo Dhimbilna uu ballan ka qaadey in uu gabadhaas wanaajin doono.

Markii ay ka tagtay Raxmo, ayuu Shaafici aad u fekeray, dhabannadana qabsadey. Waxaa ku soo dhacay habecnkii guurka qudba-sirada ahaa ee uu ku caawinayey Dhimbil. Waxaa u muuqda sidii ay habeenkaas Raxmo u ekeyd iyo sida i ay maanta u taallo. Waxaa uu bilaabay in uu isla sheekeysto, oo xasuusyo galo isla markaasna madax-ruxid iyo faruuryo- qaniinsi isku daray.

Muddo xoogaa ah oo uu isla-sheekeysanayey kaddib, ayaa waxaa u yimid Caddaawe, oo ahaa ganacsade ay is- yaqaaneen oo hoteelka gees ka fadhiyey, oo arkayey Shaafici j oo madaxa war-wareejinayey. Waxaa uu ugu yimid in uu:! ogaado dhibaatada Shaafici haysata, oo uu maanta la wel-J welsan yahay. Inta la fariistay ayuu weydiiyey arrinta Shaafici] ku soo korartay. Shaafici oo garan waayey goorta ninkaas: soo ag fariistay, ayaa si wanaagsan uga warramey arrinta uu] la murugsan yahay ee Raxmo, Waxaa kale ee uu uga| warramey shakhsivadda Samatar – oo ay Raxmo u taqaanf Dhimbil – iyo xumaanta uu gabdhaha Soomaaliyeed kulaf dhaqmo. Caddaawe oo aan aqoon Dhimbil, laakiin arrintaasj ka xumaadey ayaa u ballan qaadey in uu arrintaas Shaafici kal caawin doono. Isla markiiba waxa ay ku ballameen in ay| berriba raadiyaan Dhimbil.

Subixii markii la gaarey ayey aadeen halka ay malaynayeen in uu joogo. Nasiib wanaag, isla subixiiba waxa ay ka heleen hoteelkii Taleex. Is-bariidin kaddib, waxaa ay ka| wareysteen Dhimbil, oo wax ka weydiiyeen isaga iyo Raxmo meesha ay howlahoodii ku dambeeyeen, Dhimbil waa uuba illowsanaa Raxmo, oo marqaankii, balwadihiisii kala duwanaa iyo qalanjooyinkii kale ayaaba maskaxdiisii Raxmo ka tirey. Markaas inta xasuustay, ayuu sida arrintu ahayd mooyee si kale raggii ugu warramey, waxa uuna u sheegay in isaga iyo Raxmo Alle barwaaqeeyey, guurkoodiina uu ahaa mid lagu baraarey, haddana uu xaalku fiican yahay, Marka uu hadaika dhammeeyey ayaa waxaa dhar-baaxo kaga soo qaadey Shaafici, waxaa ayna sheekadii isku beddeshay dagaal gaean-ka-hadal ah. Waxaa ku soo baxay dagaalkii niman ka ag dhawaa, waxaana go’aan lagu gaarey in la wada hadlo.

Shaafici iyo Caddaawe, waxaa ay soo bandhigeen dhibaatada uu ninkaan u geystay gabar qiiraa badan oo Soomaaliyeed, waxaa intaas dheereyd in uu Shaafici arrinta gabadhaas uu la ogaa, lana meheriyey Dhimbil, ballanna uu ka qaadey in uu wanaajin doono, laakiin uu gabadhii iyo magaciisiiba halleeyey. Saacado la gar-naqsanayey kaddib, waxaa la isku af-gartay in Dhimbil uu raaco nimankaan, lana kulansiiyo isaga iyo Raxmo iyo qoyskeeda, si arrintan xal looga gaaro.

Raxmo, ballanta waa ay sugi la’dahey, toddobaadkii ayaana la dheeraaday, haddana wel-wel kama marna oo waxaa aysan ku aammin-qabin Shaaficiga laftiisa. Mar ayey is leedahay “Maxaad aabbe ballanta ugu sheegtay, maadaama aadan hubin ballanta Shaafici”, marna waxaa ay isku qancisaa “Armaa Alle nin wanaagsan kaaga dhigaa”. Waxaa ay u tagtaa culimo iyo dad ay wanaag ku taqaaney si ay ugu soo duceeyaan in Alle arrinteeda uusan fashil ku dhammeyn. Waxaa ayna bixisaa sadaqo badan si Alle ugu naxariisto oo ay u hesho taas beddelkeeda baadida ka maqan.

Sidii ay Shaafici iyo Raxmo ku ballameen, waxaa la gaarey xilligii ballanta, waxaa ayna Shaafici iyo Caddaawe soo kaxeeyeen Dhimbil, iyaga oo dhegta haya. Dhanka kale, Raxmo oo aabbaheed Qaasim soo kaxeeysey ayaa iyaguna soo aadey hoteel-kii lagu ballamey. Laakiin Raxmo kalsooni badan ma qabto oo waxaa ay ka baqeysaa in uu Shaaficina sidii Dhimbil oo kale axdi-laawe yahay oo ballantiisu fashil ku dhammaato. Waxaa ay ka fekereysaa sida uu xaalku noqon doono haddii sida ay filayso ma ahane si kale wax u dhacaan.

Nasiib wanaag, markii ay Raxmo hoteel-kii timid ayey isha ku dhufatay Dhimbil, waa ay u qaadan weyday, mar labaad bay isha ku celisey, mise waa isagii laftiisii, waxaa ayba illowday Shaafici iyo ballantii ka dhexeysay, isla markiina waxaa ay u dhaqaaqdey dhanka Dhibmil iyada oo kor ugu qeylineysa “Waa kaas aabbe beenlowgii khaa’inka ahaa!” iyo erayo badan oo haaraan ah. Isla markii-ba waxaa soo booday Shaafici oo yiri “Raxmo, is-deji fadlan oo soo dhawaada”. Raxmo oo xoogaa yara hakatay ayaa jalleecdey mise waa Shaafici oo garabka Dhimbil fadhiya iyo nin kale oo aysan aqoon. Laba kursi ayaa inta loo banneeyey iyada iyo aabbeheed si xushmo leh loogu fariisiyey.

Is-barasho iyo cabbitaanno la ka-kabadey kaddib, waxaa la iska wareystay arrintii meesha loo yimid. Dhimbil ayaa markii uu hadalkii soo gaarey qirtay dambiga uu galey, waxa uuna bilaabay qoor-dhiibasho, isaga oo dalbadey cafis, xaalna ballan-qaadey in uu bixinayo. Laakiin taasi ma cajabin Raxmo, waxaa ayna dhaar ku martay in aysan ninkaan mar dambe naag u noqonayn, haddii maanta Alle tusiyeyna, in ay kala baxaan mooyee aysan ka tagayn. Si ay taas uga dhabeysana waxaa ay bilowday qaylo iyo sawaxan, taas oo keentay in ay isugu soo baxaan dadkii hoteel-ka ka qaxweynayey oo dhan.

Aabbaha dhaley Raxmo – oo isagu qudhiisu aad u xanaaqsanaa, laakin mar dambe dagey – ayaa gees ula baxay Raxmo, waxa uuna isku dayey in uu ku qanciyo in ay arrinta dejiso, ninkaanna maanta arrintiisa la wada arkay. Waxaa uu ula hadley kor-iyo-hoos, laakiin Raxmo waxaa ay ku dhaaratay in aysan maanta meesha ka dhaqaaqin in uu furo Dhimbil mooyee. Si kasta inta la yeeley ayaa laga dhaqaajin waayey go’aankeeda ah in la furo.

Dhanka kale, Shaafici oo ninkaan yaqaaney ayaa arrinta furriinka gees ka qaba, sababta oo ah, waxaa uu og yahay, haddii gabadhaan ninka lagu qasbo in aysan natiijo fiican ninkaan ka imaanayn, oo uu isaga dhaqaajin doono, howlihiisii iyo falaadkiisiina sii wadi doono, gabadhaanna mar kale iuggooyo u horseedl doono.

IJgu dambeyntii, Shaafici ayaa oday Oaasim – oo laftirkiisu xanaaq-degay – lafaqey oo u sheegay in uusan ninkaani fiicnayn, oo ay gabadhu saxsan tahay in laga furana ay tahay. Odaygii ayaa arrintii aqbaley, waxaana laga codsadey Dhimbil in uu gabadha furo, isaga oo kama dambaystiina oggolaadey, waxaana isla goobta looga qaadey Meherkii gabadha oo ahaa lacag badan, maadaama ay markhaati-yaashii oo uu ka mid ahaa Shaafici uu ku caddeeyey, hase yeeshee Dhimbil oo aysan lacagtu dhib ku haynin, ayaa isla markiiba bixiyey Meherkii, isaga oo ballan – uusan fulin – ku qaadey masruufka wiilkiisa.

Raxmo, oo aad u faraxsaneyd ayaa goobtii ka tagtay, oo aabbeheed tustay in uu guurkeedii sax ahaa, iskana fujisey culayskii iyo madax-xanuunkii ay ninkaas ka qaadday. Waxaa kale oo ay ka heshay isla goobtaas lacag badan, oo ay u baahneyd, oo aysan waayadan ku riyooneyn heliddeeda, taas oo illowsiisey in ay u mahad-celiso Shaafici oo farxaddeeda sal-dhig u ahaa.

Markii ay gurigii tagtay oo arrintii laga war-helay, waxaa ka dagey culayska qoyska, qaraabada iyo asxaabteeda, iyada oo la wada ogaaday in guurka Raxmo uu sax ahaa. Raxmo, maalintaas kuma soo dhicin, in ay wiilkeeda aabbihiis si fiican u barato, dhibka haystay awgiis, dib dambana uma arag.

Geesta kale, Dhimbil waxaa ku dhacay ceebtii ugu xumeyd ee abid soo marta, waxa uuna meeshii ka tagay isaga oo dhabannada haysta oo ay weiiba u dheer tahey inkaarta ka daba dhacaysey ee ay dadkii hoteelka joogey oo dhan ku wada ridayeen oo uu qaar ka maqlayey. Ka sii darane, waxaa hoteelka fadhiyey xeyn xididkiisa ah oo qaraabo dhaw la ah marwadiisii Xaawo, oo Dhimbil oo kulieetiga laga laalaado arkayey. Isaga oo dabada day ay ku dhacday ayuu hoteelka uu ka degganaa magaalada ku laabtay.

Waxaa uu habeenkii oo dhan ka fekerayey dhibaatada soo gaartay iyo fadeexadda mahadhada ah ee uu la kulmey. Waxaa uu la wel-welsan yahay ceebta ay shaahidka u ahaayeen xididkiis iyo war-bixinta ay ka bixin doonaan. Mar Raxrao ayuu habaarayaaba oo waxaa uu leeyahay “Inkaar qabtadaas maxaa kuu geeyey”, marna waxaa uu ka qoomameeyaa saaxiibtimmadii Shaafici ee cawarantaan dhex fariisiyey, isaga oo si kale wax u xallin karey. Waa uu qaadan la’ yahay waxa qabsadey, sababta oo ah, isma lahan darajadiisa iyo sida ay wax u dhaceen!

Dhawr maalmood kama soo bixin hoteel-kii, waxa uuna iska qarinayey saaxiibadisii oo dhan, isaga oo fasixii uu haystay oo ka dhammaadeyna ku darsadey dhawr beri oo uu go’aansadey, in uu maskaxda dejiyo, oo hoteelka uu deggan yahay uusan geesna u dhaafin.

CADDAAWE IYO XAMDI

Caddaawe waxa aad u dhibtay arrintii uur-ku-taallada lahayd ee haysatay Raxmo iyo dhibtaada uu u geystay Dhimbil. Waxaa ay ku noqotay mucjiso uusan horay u soo arag, markii uu ogaaday qisada dhex martay labadaan qof. Waxaa uu la yaabban yahay dhaqan-xumada iyo dumar-dayaca uu ku kacey Dhimbil, taas oo ka dhan ah Hiddaha, Dhaqanka Soomaaliyeed iyo midka Islaamka-ba. Mar waxaa uu ia yaabban yahay waxa gabadha fudeydkaas geliyey, marna waxaa uu la fajacsan yahay, waxa ninkaas mas’uulka ah ee sare duur-galka ka dhigay! Ceebta iyo sharaf-darrada halkaas ka dhacday, ayeysan weligiis qalbigiisa soo gelin. Sheekooyinka qodba-sirada kuma cusba, laakiin waxaa uu u arkaa in middaani “ka-dareey” tahay, oo uu ninkaas sameeyey tacaddi weyn oo uu ku tuntay xuquuqda gabar sharaf leh oo Soomaaliyeed oo uu gaarsiiyey in ay laamiyada iyo hoteellada wareegto.

Sheekadaas oo qalbigiisa daanno gaarsiisey darteed, waxaa uu go’aansadey in uu noqdo sama-fale u kuur-gala arrimaha nooeaan oo kale ah, iskuna daya in uu wax la qabto, haddii uu la kulmo dhibbane ay arrintaan oo kale haysato.

Caddaawe waxa uu deggan yahay xaafadda Geed-jacayl, waxa uuna xaafaddiisa ka bilaabay – si mutadawacnima ah – in uu u dhabba-galo akhbaaraadka hoose ee xaafadaha ee dhaqan ahaan raggu ka caaggan yihiin in uu baar-baaro, dabadeedna haddii uusan xaafaddiisa waxba ka helin uu u gudbo xaafadaha kale. Isaga oo xuuraansi ku jira ayuu muddo afar bilood ah kaddib ka war-helay gabar isla xaafadda ah oo gabar ummushay, oo la la’yahay ninkii ilmaha ka dhalay, oo ay sheegtay in uu meher xadey, ayna ka noogtay sidii ay u raadinaysay. Waxaa uu soo helay gabadha magaceeda, halka ay deggan tahay iyo cidda ay hadda dul- saarta ku tahay, bacdamaa waaridkeed ay kal hore iska ceyriyeen.

Gurigii ayuu ugu tagay Xamdi oo haysata gabar yar oo qurxoon, oo ay Samsam ugu yeeraysay, oo inta markaas naaska u dhigatay ku kool-koolinaysa hees-carruureed jacbur ah, oo aan horay u jirin, maadaama aysan aqoon heesaha ay hooyooyinku carruurta ku ciyaarsiistaan. Inta ag fariistay ayuu ag dhigay hadiyado kala duwan oo uu suuqa uga soo iibiyey. Waxaa uu bilaabay in uu la sheekeysto oo uu si naxariis leh hadalka meelo kala duwan uga soo geliyo, si aysan yax-yax iyo xishood u dareemin, isla mar ahaantaana u helo war-bixin sax ah.

Waxaa ay Xamdi uga sheekeysey qisada qabsatay, goorta ay qabsatay, sida ay u qabsatay iyo wax ka dhashey. Wax kasta waxaa uga daran waaridkeeda deyriyey iyo kor-saarka iyo silica ay ku nooshahay. Waxaa ay u qiranaysaa in ay khaldantay, laakiin waayo-aragnimo weyn ay ka heshay. Waxaa uu weydiiyey magaca ninka guursadey iyo macluumadkiisa kale ee ay ka heyso. Waxa ay ugu sheegtay in la yiraahdo Axmed Samatar, waxaa ayse u sheegi weyday halka uu deggan yahay, halka uu ka shaqeeyo iyo cidda uu yahay, waxaa ayna hadal ugu soo koobtay “Haddii aan intaas garanayaba, waaridkey ima soo ceyriyeen!”. Laakiin waxaa ay si fiican ugu sharraxdey sida uu eg yahay, gaariga uu wadan jirey noocuu ahaa iyo qaabka uu u labbisto.

Intii ay sheekada u waddey Caddaawe, waxaa hadba ku soo joogsaneysey ilmo ay mar walba iska tireysey, waxaa ayna aad ilmadu uga tifqeysey markii ay ka sheekeysey waxa iyada iyo waaridkeed dhex marey iyo sida ay aayaheedii u seegtay oo ay qeyrkeed uga hartay. Isaga qudhiisu, calool-xumadaas ay inantu tabineyso darteed, geestiisa ayaa illintu uga da’aysaa.

Intii uu war-bixinta ka dhageysanayey, Caddaawe waxaa shaki geliyey laba arrimood: Magaca Axmed Samatar, oo uu kan dambe ka maqlayey Shaafici oo ugu yeerayey Dhimbil, isaga oo horay u ogaaday maalintii Raxmo laga furayey, in aysan magacisii saxda ahaa haynin, ee ay u garanaysey magaciisa oo kala beddelan, tanna sidaas oo kale uu ku sameeyey iyo midda labaad oo ah, in tilmaanta ay bixinayso uu eg yahay Dhimbil laftiisii. Markii ay gabadhii hadalkii dhammaysatay, ayuu waxaa uu ku yiri “Ninkaas nin aan garanayo ayuu u eg yehee, bal berri galab aan ninkaas ku soo tuso, in uu yahay iyo in kale”, isaga oo u sheegay Xamdi, in laga yaabo in uu ninkaas noqdo, nin maalin dhaweyd gabar uu arrin sidaan oo kale ah uu ku sameeyey, laakiin markii dambe inta la helay si khasab ah looga furey. Waa ay aqbashay, waxaana la guddoonsadey in berri galab ninkaas la soo qisho.

Sidii ay ballantu ahayd, markii la gaarey xilligii ayaa Caddaawe iyo Xamdi isu soo raaceen hoteel-kii Taleex, oo uu ku ogaa in uu deggan yahay. Nasiib-wanaag, muddo afar bilood iyo dheeraad ah oo uu ka maqnaa Xamar, ayuu Dhimbil shalayto gadaal ugu soo laabtay, waxa uuna ku soo dagey isla hoteelkiisii.

Markii ay soo galeen-ba, soo tan Xamdi isha ku dhufatay Axmed Samatar, oo ah ninkii ay dayaxa ku raadinaysey. Isla markii-ba waxaa ay la soo booddey “Abboowe Caddaawe, waa kan tuuggii aan raadinayey muddada dheer”, iyo “li qabo yuusan iga baxsane, saqajaanka rabbi iyo islaamba ka furtay” iyo erayo kale, waxaa ayna tuuratay gambadii iyo garba- saartii iyada oo u diyaar garowdey in ay kulleetiga iska laalaadiso. Ma iyadaa ka cabsanaysa ceeb iyo armaa naasahaaga oo haantaa-wilfaya la arkaa, horay ayey ceeb dusha uga soo muruxdee!

Markaas ay hawada uga imaanayso, waxa uu la fadhiyaa niman akhyaar sare ah, oo uu la casaryeynayey, waxa ayna markaas hadal hayeen sheekadii Raxmo oo ay magaalada ka maqleen ka war-bixinteeda.

Meeshii ayaa la isugu soo baxay, ninkii Dhimbil ahaa ee Xamdi u taqaanay Axmed-na w’axaa ku yeerey wiish, meel laga jirana waa garan la’ yahay. Waxaa isla markii-ba loo wacey qoyska Xamdi, halkaas oo ay ku qabsatay Dhimbil gar ka arxan daran middii Raxmo. Caddaawe isagu waa is qariyey, isla markiina meeshii waa ka tagay, waana isaga ninka ciddii Xamdi u soo yeerey, waxa uuna ka baqayey in uu ogaado Dhimbil in uu gabadhaan uu isagu ku soo hoggaamiyey, sababta oo ah, waa nin sare oo madax ah, oo isaga ayaa lafihiisa uga baqaya haddii uu arrintaan ku ogaado, laakiin Dhimbil isagu waa arkayey in uu ahaa ninkii wadey gabadha.

Dagaal cuius oo u badnaa raid kaga imaanayey dhanka Xaradi ayaa meeshii ku qabsadey. Waxaa uu markii hore damcey iyada oo aan la ogaan in uu si hoose u maareeyo oo uu hoteelka ka kaxeeyo, laakiin waa u suuroobi weyday, intii ay ku dhagganayd ayaana la isugu soo baxay, waxaana ku soo gaarey waaridkeeed. Maxaa saraakiil iyo Jananno ka sarreeya ag taagan, oo arrinta ninka qabsatay la yaabban! Maxaa dad uu magac iyo maamuus agtooda ku lahaa ku xeyn-daaban oo gabadha dharka dhigatay ee ku maran ka baryaya in ay sii deyso! Wax kale miyaa yaal, soo in gar la noqo ma ahan? Waxaa qabsatay gar ka kulul middii ka qabsatay Raxrao dhawr bil ka hor! Xamdi, Allow mar yaa indha kuu saara ayey ka ahayde, waxaa lag a waayey waxaan ka ahayn dalaaqadahaygii ha la i maqashiiyo!

Qoyska Xaradi oo khaatir billaahi taagnaa, Caddaawe oo warbixin deg-deg ah ka siiyey ninkaan markii uu u yeerayey iyo Xamdi oo miciyo lasinaysa oo hawadaas mareysa, waxaa ay akhyaartii gartaas ku jirtay dhaafsiin waayeen in uu Dhimbil gabadhaas furo, xaal iyo xumeynna uu bixiyo. Waa nin awalba xoonkaan dhib ku hayee, waa guddoomey gartii, halkii ayuuna ku dalaaqey Xamdi, waxaana isla bartii looga qaadey Meherkeedii iyo gabadha ay u dhashay caaneheedii ilaa sannad, maadaama in uu bil bil u siiyo aysan ku aammin qabin, oo waxaa ay ka baqayaan in dib dambe loo waayo. Isaga wax kale ha dhibaane, lacag ma dhibto, oo farqaha ayuu ku sitaa, inkasta oo lacagaha xaalka ah, meherka iyo masruufkuba ay la yaryihiin marka mustawihiisa loo eego.

Dhimbil, Xamdi waxaa ugu dambeysey maalintii ay Jubba ku ballan sanaayeen oo isaga oo ku dhex jira hoteelka uu kor ka arkay, Xamdi oo uu la ballansanaa iyo Raxmo oo raadineysa oo wada taagan irrida hoteelka laga soo galo. Maalintaas sidii uu u qawaafey ilaa iyo maanta Xamdi ma soo ag~marin, waxa uuna u qaatay in labadaas gabdhood is-yaqaaneen oo ay halisi ku soo socoto, markaas ayuu aagga-goodii oo dhan ka baddeshey ilaa amar dambe. Isagu sidaan in ay wax u dhacaan uma qorsheysneyn, laakiin muddooyinkaan dambe wax badan oo uu aad uga feejignaan jirey ayuu sakhirtay, taas oo keentay in cawradiisii bannaanka timaaddo.

Dhimbil, mar labaad waxaa ka dhacday maradii, ceeb iyo fadeexo tii ugu darnayd ayuu dhex maquurtay, taas oo murugo kale ku abuurtay. Wax walba waxaa uga darnaa akhyaartii halkaas isugu soo baxday iyo isaga oo sheekadii Raxmo inta la soo ogaaday wax laga weydiinayo ay tanna ku timid. Weligiis arrimahaan, bilahaan ku soo laalaabanayey kuma dhicin. Inta kacey ayuu qolkiisii sii aadey, intii uu dhex sii socday ayuu isa su’aalayey “Yaa ku soo inkaarey? Maxay yihiin umadahan jinni ee aad shanta la gashey? Yaa ku daba-taagan oo afaarahaaga faraha la soo galay? War illeen Mucjisadaan oo kale ma adaa arkay!”

Markii uu qolkiisii galay ayuu sariirtiisii isku dangiijiyey, isaga oo qaba dharkii uu bannaanka la fadhiyey, waxa uuna ka shallaayayey howlaha qabsadey iyo sidii ay u qabsadeen. Mar waa is canaantaa, oo waxaa uu is-leeyahay “Maxaad kaartadaas waa horay u dhigi weyday, sidaas haddii aad samayn lahayd sidaani ma dhacdeen, shax khaldantay dhibkaan ayey leedahay!” Mar ayuuba ka shakiyaa dad uu yaqaano, oo uu is-leeyahay, armey ku daba-galeen oo arrimahaan ka dambeeyaan. Waxaa uu fekera-ba, aakhirkii waxaa uu ku soo gaba-gabeeyey, in uu isagu eeddaan oo dhan leeyahay.

Sidii uu sariirtii u dul joogey ayuu arkaa habeenkii oo gelin dhexaad maraya, oo uu hurdo gama’ siin la’ yahay, waxa uuna galaa hadba badweyn tiiraanyo iyo isla-hadal ah, oo uu jiif iyo joogba ka ladi waayey. Weligii shariif ceeb-ka-saliim ah ayaa bulsho kasta oo uu ku dhex noolaa looga yaqiiney, laakiin hadda waa beenaale, godadle ah, oo sheekooyinkiisa lagu hayo magaalada oo dhan.

Waxaa uu hadba sariirtii dhan isku geddiyaba, oo hadba talo gorfeeyaba, waxaa u soo baxday, in hawsha noocaan ah ay keligi gaar ku tahay. Abidkiis ma arag akhyaar heerkiisa oo kale ah oo kulleetiga la haysto, ma arag weligiis sida uu dumarka u baacsado qof sharaf leh oo u googooba. “Oo maxaa adiga arrimahaan kugu gaar yeeley?” ayuu isku soo cel-celiyaa. “Oo maad Xaawadaadiyo wlxii kale ee hadda haysatid ku mitidid, oo wanaagsatid, kolley haddii dumar kala-beddel khayr leedahay soo aragtaye?” Su’aalahaas iyo kuwo kale oo ka badan ayuu is-weydiiyaa. Aakhrikii, waxaa uu go’aansaday in uu joojiyo xaaladahaan uu hadda kharaarkeedii soo taabtay.

Waxaan waa dhaqan uu bartaye, si sahal ahna uma joojin karee, waxaa uu go’aansadey in uu u maro waddada ugu fudud ee uu si dhaqsa ah ugu joojin karo, waxa uuna ku fekerey in uu cibaada Alle bilaabo, arrintaanna Alle darti uga toobad keeno, kana duceysto, oo uu u yeerto subixii wadaaddo Quraan saara, godadlenimada Faataxo uga mara. Waxaa uu taladaan gaarey xilli saq-dhexe ah. Markii salaadda subax la gaarey, ayuu salaadii subax oo uusan tukan in dhawaale tukadey. Kolkii uu salaadii ka baxayna, waxaa uu bilaabay Alle tuug, waxaana ka mid ahaa erayadiisii Alle tuugga ahaa, kuwaan:

Caaddilow Ilaahow

Casiisow Raxmaanow

Waxaan ahay nin culusoo

Caan ahoo masuul ahe

Cimilada adduunkaa

Hadba ceyn timaadee

Waxaan gabar ciyaarshoo

Cidla aan ku mehershaba

Camalkaan samayn jirey

Ceebtaanu dhaliyee

Waxaa timid cawarantaan

Cafis baan waxaan faley

Eebbow kaa codsanayaa

Anna waxaan cuskanayaa

Towbad iyo cibaadee

Igu caawi Eebbow.

Markii uu waagii baryey, ayuu go’aankii xaley ku dhaqaaqey. Waxaa uu aadey masaajidka C/rashiid Cali Sharmaake, oo uu uga yeertay culimo badan, isaga oo ka codsadey in ay marro Quraan ah saaraan. Waxaa ay ku akhriyeen 30ka Jus ee Quraanka Kariimka ah, iyaga oo tahaliilna u tufey, waxaa ayna Alle uga baryeen waxaa uu ka codsadey, Habeenkii xigey, waxaa ka soo dhacday hurdo uusan waayadan arag, waxaana ka tagay shuushkii iyo Sheydaankii maalmahan ku hirgisayey. Dhawr habeen oo is-xig-xigtay ayuu ka bixi waayey hurdo uusan sannadahaan arag, waxa uuna ka nastay walaahowgii badnaa ee waalayey.

Inkasta oo uusan dhanka balwadda ka Quraan maran, laakiin ducadii iyo tuftii wadaaddada ee dhanka dumarka Alle waa u aqbalay, waxa uuna galay liibaan iyo raaxo nololeed. Waxaa u baryey waa cusub, waxaa uuna soo xasuustay wax-yaalo uu waa hore illoobey. W’axaa ugu wanaagsanaa waxa ku soo maaxanayey gabar la yiraahdo Shaqlan Cumar, oo ugu qarsooneyd Xaafadda Buula-Xuubey, oo uusan waayadan la xiriirin uuna ku ogaa uur, laakiin inta uu ka maqnaa u dhashay gabar loo bixiyey Nasiib, oo uusan ka war-qabin.

Shaqlan waxa ay ahayd gabar yar oo wadaadad-xigeen ah, oo guri-joog ah, oo da’deedu qiyaas ahaan ahayd 18sano. Waxaa ay la nooleyd oo ay caawin jirtay qoyska walaalkeed Waayeel, oo ay isku aabbe ahaayeen, oo degganaa guri uu Waayeel ku lahaa xaafadda Buula-Xuubey. W?alaalaheeda kale ee ay isku aabbaha yihiin (Saddex wiil iyo gabar kale), waxaa ay ku nool yihiin Galkacayo. Waxaa se xilligaas Xamar ku noolaa, gabadha keliya ee ay isku hooyada ahaayeen oo la yiraahdo Xamiido Yuusuf Xarbi.

Xamiido waa gabar mutacallimad ah, oo markaas dhiganaysey kuna xaraysneyd Jaamacaddii Ummadda, isla markaasna ahayd gabar wadaad ah oo diinta aad u baratay. Walaalaheeda dhanka aabbaha waa muush ciiddaa la ’eg, waana afar bahood, oo bah kasta qabiil noqotay, waxaa ayna badankood ku nool yihiln Xamar, oo qaarkood ayba madax ka yihiin dawladda, waxa ayna Xamiido la nooleyd intii ay dugsigii hoose/dhexe iyo sare dhiganaysey aayadeed Isniino, oo ahayd min-weynta aabbeheed. Labadoodaba (waa Xamiido iyo Shaqlane) waxaa ku dhalmo-goysey Xaajiyo Ruqiyo, oo ahayd Shiikhad ka sheegganeyd magaalada Gaalkacyo, oo ay hadda isku qabaan wadaad kale oo ay isku weyso-dhawrtaan.

Dhimbil waxa ay isku barteen Shaqlan isbitaalka Banaadir, oo ay ku caawinaysey dad ay qaraabo ahaayeen oo carruur xanuunsani u jiiftay. Isaga oo isna dad meesha ku booqanayey ayey isku arkeen isbitaalka. Waxaa cajab-gelisey gabadhaan yarta ah ee kuusan ee midabkeedu mas-ciideedka u eg yahay ee dheel-dheelinaysa. Sidiisaba lama tuso gabar yar oo weji soo jiidasho leh, horaaddo gacan-buuxin kara oo taaggan iyo bari kuusan leh. Tani waa noociisii oo weliba siyaado wadata. Waxaa ayba la noqotay gabarey-maanyo uusan iyada oo kale waayadan arkin. Meeshii ayuu ku bartay, waana ballansadey! Maxaad ka taqaan gabar uu ninkaan belay, qudba-siradii iyo jidkii horay ka macaanaa gadaalna ka kharaaraa ayuu marsiiyey!

Laakiin iyadu waxa ay kaga duwaneyd gabdhaha kale, marar badan ayaa qoyska Waayeel ku ag arki jireen ninkaan, sababta oo ah, si gaara ayuu kulankeeda u daneyn jirey, waxa ayna sababtu ahayd, waxa ay ahayd sunna-gudo, maqal mooyee uusan muuqaal ku arag Shaqlan horteed. Waxaa uu ku jantaa, habeenka uu la joogo, taaha iyo reenka ka baxa iyo biqleynteeda oo uu muraalka ku dhisan jirey.

Markii ay uur yeelatay, ninkaanna la waayey, qoyskii ay la nooleyd ma dhibin shaqlan, waxa ayna ka wada war-sugayeen, bal in uu mar un ninkeedii uu yimaado. Laakiin taas ma aysan sugi jirin Shaqlane, iyada iyo walaasheed Xamiido ayaa ka baadi-goobi jirey meelihii ay ku aqoon jirtay, intii ay xaamilada ahayd iyo markii ay dhashayba! Walaasheed Xamiido baadi-goobkaas mooyee, aad ayey walaasheed Shaqlan u dejin jirtay, qalbiga ugu dhisi jirtay, uguna laab-qaboon jin jirtay in ninkaas Jaamac ah la heli doono.

Marar badan ayey Shaqlan waanin jirtay walaasheeda ka weyn ee Xamiido, waxa ayna ku dhihi jirtay “Walaaley Xamiidooy, ragga iska ilaali, walaaley iska ilaali wiilka aad la socotid ee la yiraahdo Aadan, yeysan kugu dhicin waxa igu dhacaye”. Markaasaa Xamiido ku dhihi jirtay “Abbaayooy Shaqlaneey, wiilkaan aan la socdo ee Aadan, waa wiil diin iyo maaddiba sidayda oo kale isugu yaqaan, oo aad u wanaagsan, bini-aadanimadana yaqaan, ee la mid ma ahan godadlehaan arxan-laawaha ah, ee sidaan adiga iyo annagaba inoo galay!”.

Xamiido aad ayey uga xumaan jirtay ninkaas jaamac ah, mar walbana waa habaari jirtay, waxa ayna dhihi jirtay “Ilaahay musiibo kugu rid, oo ilaahey ku ceebee” iyo “Allow ninkaas mar I tusi, madaxa ayaan kala jiri lahaa, waxaana ka goyn lahaa dhibaatada uu walaashey mariyey e!”.

Xamiido, saaxiibkeed Aadan waa ay u sheegi jirtay dhibka walaasheed haysta iyo waanadeeda ahayd in aan xitaa adiga Aadan ah iska kaa ilaaliyo, markaasaa Aadan ku dhihi jirey “Walaaley Xamiido, ilaahay kaas oo kale igama dhigo, waxaan ahay nin sharaf leh oo mutacallin ah, waxaas oo kale anigu ma ihiye, ha ila simin!”.

Aadan aad ayuu uga xumaa dhaqanka ninka xumeeyey dumaashidiis Shaqlan, xitaa mar-mar waa uu la raadin jirey Shaqlan iyo Xamiido ninkaas qeyru-mas’uulka ah, waxaa uuna ku taami jirey, haddii uu ninkaas arko, in uu gacan ula tago, oo uu ka keeno dhaqidda ama dhigidda Shaqlan.

Dhimbil, markii uu Rabbi waddada ku soo duway, oo uu soo xasuustay Shaqlan, ayuu go’aan ku gaaray in uu gabadhaas la xiriiro, wanaajiyo, reerkoodana si fiican uu ula xidido, uuna dhisto. Sidii ayuu sameeyey, Shaqlanna si heer sare ah ayuu u guri gaystay, waxaa ayna u qaadday uur kale, laakiin wax badan isma aysan sii calfan, oo uurkaas kale ayey ku umraul-raacday, ilmihii ay waddeyna kaga saqiiray. Waxaa gabadhii hore ee ay u dhashay, oo ay ka tagtay kafaalo- qaaday walaalkeed Waayeel, oo korriimaha gabadhaas isagu dusha saartay.

Laakiin markii Dhimbil uu Shaqlan dib ugu soo laabtay, oo uu dhisanayey ma aysan joogin Xamiido, oo tababar sannad ah oo ay Jaamacaddu ugu dirtay Talyaaniga ayey ku maqneynd. Waxa ayna soo laabatay walaasheed oo ninkii inta ku soo laabtay, oo iyadii iyo reerkeediiba inta wanaajiyey uu dhistay, oo uurkii ay horay ka qaadday ku ummul- raacday. Waxaa ayse aad uga wel-welsaneyd in aysan baran seeddigeedii googoyska badnaa ee ay ka nibcaan jirtay Shaydaankii isha caddaa, oo ay aaminsan tahay in ay ku adag tahay hadda in ay is helaan oo ay is-bartaan.

Dhimbil, ma uusan ahayn qof kasho badan u hayey barashada dadka Shaqlan, keliya waxa uu bartay qoyska Waayeel oo uu gabadha ka dhisanayey, walaalaheeda kale (kuwa ay isku aabbaha yihiin iyo kuwa ay isku hooyada ahaayeen) qofna Xamar kama joogin markaas, isna dan saasa kama gelin in uu mid mid magacyadooda u xafido, oo uu ka war-hayo, iyana kuma aysan qulaamin!

Arrinta kale ee la yaabka leh waxaa ay ahayd, Shaqlan lafteeda iyo qoyska reer Waayeelba, waxaa ay u yaqaaneen, oo uu markii hore isugu sheegay in la yiraahdo Jaamac Axmed. Isna, isaga oo aan weli war-gelin, oo uusan si fiican isku barin, isla markaasna aan u kala sheegin dadkiisa ayey xijaabatay!

DHIMBIL IYO GUURARKIISU SADDEXDII SANO EE UGU DAMBEYSEY

Mar uu Kitaab isku jiidey, waxaa uu sheegay in uu Masaajid dhagax dhigi karo, waxaan se la xisaabin karin, waxaa uu naag soo xareeyey iyo waxaa uu sii didiyaye, laakiin inta la og yahay, saddexdii sano ee ugu dambeysey – xiiligii ay howlahaani dhacayeen – waxaa ay kala tageen Lix dumar ah; Jawaahir, Hibo, Saynab, Raxmo, Xamdi iyo Shaqlan. Saddexda dambe, war nooguma dhimmanee, Saddexda hore, waxaa uu ku kala guursadey Burco, Baladweyne iyo Xamar. Saddexdan ma aysan soo marin rafaadka ay mareen Raxmo, Xamdi iyo Shaqlan. Si qurux badanna waa uu ku guursaday si aan dhib badneynna waa ku kala tageen.

JAWAAHIR waxaa ay Dhimbil isku barteen magaalada Hargeysa. Waxaa ay degganeyd Burco oo ay ka shaqeyn jirtay, waxaa ayna fasaxyada tegi jirtay Hargeysa, oo reerkoodu degganaa. Waxa ay ahayd gabar 28 jir ah, oo aan horay guur u soo marin. Haddii aad aragto qaab-dhismeedka jirkeeda iyo quruxda uu Alle ku abuurey, yaab dartiis inta gacanta madaxa saaratid ayaad afka maroojineysaa. Inta bislaatay oo bislaatay ayey hadda u baahan tahay in la gurto. Laakiin waxaa yaab leh, Jawaahir, Dhimbil hortiis nin lama sheekeysan, sababta oo ah, nin oo dhan waa ka gaabsan jirtay, sababo u gaar ah awgood, laakiin Dhimbil waxaa uu ku soo aadey xilli ay ku duceysanaysey “llaahow mid aadan ku hungoobin ku sii”.

Muddo ayey Dhimbil iyo Jawaahir wada sheekeysanayeen oo mama uu ugu tegi jirey Burco, marna ay ugu imaan jirtay Hargeysa, aad ayeyna inta isku fahmeen isku jeclaadeen. Laakiin waxaa jirta cillad yar oo ay ieedahay Jawaahir oo ay ka baqeyso in ay si toos ah ugu sheegto, laakiin dhawr jeer oo ay u sarbeebtay uu fahmi waayey.

Xilli dheer oo ay jacayl wada jilayeen kaddib, waxa ay ku heshiiyeen in ay isku mehersadaan si hoose, magaalada Burcana ay gees ka degaan, maadaama Jawaahir uusan qoyskeedu ku nooleyn Burco. Waxa ay sidaa oo kale isku waafaqeen in ay guurkoodaas muddo qariyaan inta ammo Dhimbil u gaar ah uu iska soo xallinayo.

Jawaahir waa diiddey in la gacma-gacmeeyo ilaa uu ka guri- geysto, oo uu u dhigo aqal Talyaaniga laga keeney, uuna u gado dahab qaali ah, waxaa ayna shardigaas ugu xirtay waxaa ay ka baqeysay in uu ninkaas si sahal ah uga tago. Nimcada hor-taalla ayuu arkayaaye, aqal aan caadi ahayn ayuu u gadey, isaga oo dejiyey guri weyn isla markaasna waxaa uu korkeeda ka wada luley dahab iyo luul.

Marka habeenkii aqal-galka la gaarey, ayuu isa soo diyaariyey. Casho macaan oo ay u karisey kaddib, waxaa la isla aadey qolkii jiifka iyo sariirtii marqaanka, Inta aysan ciyaartii iyo bood-boodkii bilaaban, ayaa gacantiisa midig waxaa ay bilowday in ay si naxariis leh oo deggan u dul mar- marto jirkeedii, oo sidii lagu dhalay ah. Isaga oo aysan jidbadii weli gaarin, ayey gacantiisii oo xarga-goosatay taabatay wax aysan filaynl Hawadaas inta ku dhagay ayuu nalkii shidey, mise qoftu waa nin iyo naag isku jira, oo cambarkii dumarka iyo cisalkii ragga oo saaxiib ahbaa kuwada rakiban! Inta istaagey ayuu dharkiisii haahaabtay. Inta uu dharkiisii raad-raadsanayey ayey la hadlayseyo lahayd “Alle abboowe ha iga tegin, waxaan waa caadi, cisilka meeshiisuu isaga yaallaa mooyee ma shaqeynayo, kan kalaa ii caadi ah, kaaley oo bal tijaabi ha iska cararine, ina adeeroy saan ha iiga tegine xitaa hal koolbo ii tuur, weligey nin ma arage… Walaaloow… walaaloow… Ina adeerow macaanow miyaadan naxariis lahayn?”

lyada oo sidii u caatabeysa, ayuu ka soo cararey oo gaari xamuul ah oo Hargeysa u socday ka soo fuuley. Intii u Hareysa ka soo gaarayey oo dhan waa fajacsanaa o yaabbanaa, oo bisinka ayuu gurayey! Waxaa uu kala gan la’yahay, in uu qofku qoris-maris ahaa iyo in sidaa wax k ahaayeen. Weligi sheeko mooyee shaahid kuma arag Labeeb, vvaxa uuna u qabi jirey sheeko-xariir oo run uma haysanba.

Subixii markii la gaarey, ayuu sidii uu u yaabbanaa is- weydiiyey in uu guurkaas ansax ahaa iyo in kale. “Culimo ma weydiisaa” ayuu is leeyahay. “War waxaas yaan lagaa maqal yaana lagugu sbeekeysane” ayuu iskula warramey. “Maxaa dhibkaas iyo waxaas ku geliyey, isaga qor warqad furriin ah, waa intaas oo ay Labeeb kale heshaaye” ayuu inta go’aan ku gaarey, isla markaasna u qorey xaashi cad oo erayo furriin ah ku qoran yihiin, waxa uuna ugu dhiibey gaarigii ugu horreeyey ee u socday Burco. Wax meher ah uma raacsiin, saa shaki waxaa uu ka qabey in guurkaas jirey iyo in kale e. Warqadda furriinka ayuuba Yaa Allaahu ugu direy. Halkaas ayaana ugu dambeysey Jawaahir.

HIBO, iyada waxaa Dhimbil ku daray nin reer Balad-weyne ah, oo ay ka wada tirsanaayeen ciidankii oo la dhihi jirey Xasan. Maalin maalmaha ka mid ah, iyaga oo wada jooga Hargeysa, oo fasax yar la helay, ayaa Xasan ku yiri “Dhimbilow Balad-weyne maad ii raacdid sannadkaan, aan halkaas kuugu soo hilbo-qalee”. Dhimbil wax-baa qalow ku soo yiri. Waxaa uu xasuustay heestii Baladweyn iyo qisadeedii. Waxaa ku soo dhacday niman ka sheekeyn jirey Balad-weyne oo gabdhaha ku nool qurux ku ammaani jirey. Waaba halkii oo uu maanta socod bilaash ah iyo marti-qaad looga yaboohey. War ma soo celine, waxaa uu ku yiri “Xasanoow, waan ku raacayaa, laakiin waa in aad marti- qaadka iigu dartaa gabar”. “Ma gabar!… taas aniga igu hallee” ayuu Xasan ugu laab-qaboojiyey. Halkaas ayaa la iska soo raacey, oo Balad-weyne lagu yimid,

Xasan waa og-yahay nooca uu xiiseeyo Dhimbil, waxa uuna u sheegay intii ay soo socdeene, waxaa uu u galey suuqa. Maalmo kaddib, waxaa uu u soo helay gabar ay hooyadeed 16 sano ugu sheegtay laakiin u eg qof intaas ka yar. Dhimbil ayuu gabadhii soo tusay, markaas buu inta quruxdeeda la ashqaraarey, oo uu indhaha u dhammayn waayey ayuu ku yiri. “Waryaa Xasanoovv, deee.. ma qalibigeygaad daalacatay… Wallaahi waa nooca aan cuno”.

Gabadhii waa dooneen oo reerkeedii ayey weydisteen. Inkasta oo waaridku ay arkayeen murqaha iyo xabadka ninka gabadha ka doonaya inta ay le eg yihiin, haddana waxaa ay u xisheen xoogaaga lacagta ah ee uu wato, cunugtiina inta ku dareen ayey misena ku toleen. Guri lagama gaaree, albeergadii uu degganaa ayaa loogu galbiyey.

Fiid-horaadkii markii la gaarey oo dadkii ay ka kala tageen, ayuu inta isku diyaariyey shaqo, xaaskiisii barakeysi ku bilaabay. Waa gabar yar, weligeed nin ma shukaansan, hawshaana diyaar uma ahayn oo, caqligaa laga soo beddeiaye, waxa ay la yaabtay ninkaan dharkii murduq iska siiyey. Inta indhaha isku laabatay, oo xishootay ayey is- duuduubeysaa. Waa nin aysan waxaasi dan iyo heello ka geline, waxaa uu isugu daray tuutuujin iyo baryo-xoogle kaddib markii uu arkay in ay bood-boodayso.

Waxaa uu fara-maroojiya-ba, soo tan inta uu dharkii ka xayaayubiyey is hoos keeney. Hal mar ayey aragtay iyada oo silloon iyo nin xabadka timo ku leh oo kor yuurara iyo culays gadaai ka saaran. “Alla Adeerow lowga culeyskiisa iga qaad” ayey ku tiri “Xabiibti low ma ahane, waa alaabtii ragga oo sbaqadiisii wata” ayuu ugu war-celiyey.

Halla yaabin Hibo e, ninkaan dhallinyaradii iyo dadkii yaqiinney, waxaa ay ugu yeeri jireen “Dameer” iyaga oo qarinaya alaabta uu wal-waalayo weynankeeda darteed. Waxaa kale oo aadan ula yaabin, ninku waa nin dhisan oo xoog badan iyo gabar balan-baalis ah. Waa wax aan isku jin ahayne, waa uu ku camcamiyaa. lyadu qeylo iyo cabaad ayaa ka baxa ay dadka albeergada wax ka deggan maqlayeen. Isaga ayaaba inta la yaaba, marna gacanta afka ka saara, mama maro ku gufeeya. lyana boohin iyo qeylo ka dhammaatay, isagana gujeyn ka daal! Habeenkaas halkaas ayaa lagu kala dhacay. Gabar habeenkii sidaas ah miyaa maalin loo dhawaan karaa. Maalintii, mama waa ka tagaa, mama sheekooyin iyo howlo arrimahan la xiriira ayuu u galaa.

Gabdhaha kale ee uu godadka la galo, isaga ayaa shukaansan jirey, jacaylna ku beeri jirey, inta ay wada socdaanna hadba meel wax ka tusi jirey, iyaga oo il-baxay, qajil-dhigay, qalo- gooyey, oo ku taamaya “Allow ninkaan yaa mar un kuu xalaaleeya” ayey is-guursan jireen. Laakiin tani waa kud oo macal soo qabo. Dhib iyo walbahaar ayaana kala haysta!

Ma isaga ayaa samraya, habeenkii kale ayuu hawshiisii halkii ka bilaabay. Hadda ayeyba ka dartay, waxaana qeyladeedii isugu soo baxay dadkii Albeergada degganaa oo dhan. Qolkii uu ku jirey ayaa lagu soo garaacey, iyaga oo u malaynayey in gabar si xun loo dilayo ay meesha ku jirto. Dadka qaar baa og, in nin iyo gabar meesha wada deggan yihiin, laakiin kuma soo dhicin in ay is-qabaan, oo gabar yar iyo aabbeheed ayey u malaynayeen. Albaabkii inta furey ayuu ku yiri “Dhib ma jiro e, waa aniga iyo xaaskeygiiye, ordoo danihiinna qabsada”. Inta naxeen ayey qololkoodii ku kala ordeen, isagana meeshiisii ayuu hawshiisii ka sii watay, iyadana halkii bay oohinteedii iyo qayladeedii sii baxaysey.

Habeenkaas oo uu saacado badan gabadha aad u kilkilayey, misena darbigii waa dhaafi waayey. Markii lakala kacey ayuu isna noog la dhacay iyaduna xanuun, silic iyo rafaad la garni’ weyday. Kuma soo dhicin malakul-mowdkaan ka carare, meesheedii ayey ilmirig-leyneysey.

Habeenkii saddexaad xaalku sidii waa iska beddelay. Waxaa uu ahaa nin foorjeysane, inta soo qabsadey oo saqar- juujiyey oo gebigeedii oo dhan inta isku kuusey, oo koombo ka dhigay ayuu kabaalkiisii si bilaa naxariis ah ugu daaduumiyey meeshii uu waayadan oo dhan sidii uu riixayey dabacdey. Bisinka, hal mar buu difaacii xoogga badnaa jiirey, markaas buu arkaa iyada oo indha-caddeynaysa. Maxaa waxaasi ka quseeya, laba habeen oo uusan go’ ka siin, oo uu gaaxsanaa ayuu doonayaa in uu iska qubee. Iyaduna waa dhiman rabtaa isna niiko ayuu isaga jiraa!

Markii uu dantiisii dhammeystay oo miyir sadey ayuu ka kacey, mise waxaa uu arkaa gabadhii oo naftii ka dhici rabto iyo dhiig inta furtay sariirtii dul yaacaya. Bismillaahi Raxmaani Raxiim iyo Quraan uusan si fiican u aqoon ayuu la dul-fariistay. Waxbaba isma beddelayaan, oo waa tuubbo dhiig ah oo furatay iyo miskiin hin-raageysa oo galan- gakeynaysa. Ma wax kale oo uu sameeyo ayuu yaqaan, waxaa uu saqdaas dhexe raadiyey saaxiibkiis Xasan si gabadha uu isbitaal ula geeyo. Isaga iyo Xasan oo yaabban ayaa gabadhii isbitaal ula cararey, halkaas ayaana gabadhii daawo looga bilaabay, waxaana u yimid subixii waalidkii gabadha oo ka naxay dhibka gabadhoodii gaarey.

Ninkaan meelaha qaar waa ku fiican yahee, waxaa uu bilaabay in uu si gobanimo leh gacan uga geysto daaweynta gabadha, la-tacaalkeeda iyo wanaajinta waaridkeed. Markii ay xoogaa isbitaalka ku jirtay, oo soo naaxdey ayaa inta isbitaalkii laga saarey gabadhii guriga hooyadeed la geeyey oo laba toddobaad lagu baxnaaninayey, wayna soo kabsaneysey maalinba maalinta ka dambeysey.

Laba Setimaan kaddib, ayaa habartii oo aragtay in ay gabadhii dhaq-dhaqaaq bilowday oo ay soo kabatay inta u timid la sheekeysatay. Waxa ay doonaysey in ay ninkii mar labaad u tag tiraahdo, iyada oo lahayd “ Hooyo, Masha Allah caafimaad ayaa kaa muuqda.. Hooyo arrintaan waa dhacdaa, waana soo wada mareen gabdhaha ugubka ah oo dhan, haddii aad bogsatay, hadda dhibku sidii waa ka yaraanayaaye, hooyo ninkaagii ku laabo, haddii weli xanuun iyo caabuq jirana markii aad bogsato horay u aad”.

Hibo, inta madaxa qabsatay ayey tiri “Alle hooyooy il daranidaa. Miyaadan i dhalin oo aadan iga naxeyn?”, waxaana ka soo daadatay ilmo. Hooyadii oo yaabtay ayaa tiri “Maxaa dhacay gabadheydaay?”

“Hooyooy ma dameerkii arxan laawaha ahaa baad igu celineysaa?” ayey ugu jawaabtay iyada oo boohin la hiq leh. Hooyadii oo iyadu jeclaan lahayd laakiin aan nasiib u yeelan dameerkaas ay gabadhu ka warramayso, ayaa tiri “Hooyo, waxa aad tahay gabar nasiib badan, dameerkaas aad sheegayso dumarku dayaxa ayey ku raadiyaan, lamana helo, ee haddii Alle ku siiyey qarso oo ilaahay ku mahadi, dhawrkaan beri marka uu xanuunka hore ku dhaafo adiga ayaa arkin adiga oo malafsanayee”.

Hooyadii iyo islaamo kale oo u yimid ayaa gabadhii matoor ka weyn saarey, waxaa ayna ka dhaadhiciyeen in ay ninkii ku laabato. Hooyadeed oo xoogaa oodkac ahna horay u soo qaadday ayaa gabadhii u keentay ninkii Dhimbil ahaa. Markii ay qolkii geysey ayey ninkii ku tiri “Hooyo, haddee.. Hibo waa taas, waana gabar yare, suumo-salaax”. Waa sarbeeb ay kaga dhaadhicineysey in uu gabadha u suudaaliyo oo uusan aad u waldamaanin.

Inkasta oo wixii hebeenkii ugu dambeysey uu ku cibro- qaatay, xoog-xooggii badnaa waa iska dhaafay. Markii fiidkii la gaarey ayuu bilaabay in uu dharkii uu qabey katabaanka surto, markaasey aragtay wixii isbitaalka geeyey oo laalaada. Inta soo xasuusatay wixii qabsadey, oo qeylisey ayey tiri “Adeerow waxaas iga daa, adeerow garka iyo gummadkaan ku haystaaye iska key dhaaf, adeerow ha I dilin waan ku baryayaaye”. Inta naxay, oo erayadii xabiibti iyo qalbi iska dhaafay ayuu ku yiri “Adeer kuuma soo socdee iska seexo”. Inta dharkii baddeshey ayuu sariirtii isku tuurey, iyada oo uu u sheegay in ay iska seexato oo uusan u socon. Ma aysan seexane, caawa oo dhan isaga ayey iska ilaalinaysay.

Xilli saq-dhexe ah ayaa Dhimbil wax ku soo maaxdeen, markaas ayuu damcey bal in uu xaaskiisa suumo-salaaxdo. Inta dhankeeda u soo galgashey ayuu gacanta saarey. Hawadaas inta ku dhegtay ayey sariirtii ka dhacday, oo is- buuratay, oo inta darbigii isku kaduuddey, tiri “Adeerow, Ilaahay ka cabso, miyaadan Muslim ahayn, adeerow waan ku baryayaaye iska kay daah”. Waa fiiriyey raise ilmaa ka diliq leh.

Dib ayuu booskiisii ugu laabtay, waxa uuna galay feker dheer, waxaa uu soo xasuustay habeennadii hore sidii ay wax ahaayeen, waxaa kale oo uu arkayey saska ka muuqda gabadhaas iyo ilmada ka qubaneysa. Waxaa wei-wel ku ridaya erayada naxariis-raadiska ah ee ay gabadhaas ku caatabeyso. Waxaa ku soo dhacday naxariis aan horay ugu soo dhicin, waxa uuna go’aansadey in uu gabadhaas miskiinta ah oo culaabtiisa qaadi la’ iska daayo oo uu iska furo.

Subixii markii la gaarey ayuu saaxiibkiis Xasan horay u soo kaxaystay, isaga oo horayna wax u ogaa si fiicanna uu Dhirabil uga warramey arrinta isaga iyo Hibo dhex taal iyo go’aanka uu ku soo gaarey in miskiintaas uu tankeedu yar yahay Ilaahey dartiis isaga daayo. Inta gabadhii soo kaxeeyeen ayey dadkii dhalay u geeyeen, waxa uuna Dhimbil u kor inarey xaaika, waxa uuna siiyey gabadhii warqaddeedii furriinka iyo meherkeedii oo caddaan ah iyo waaridkeed oo xoogaa gacan-geiis ahna uu siiyey. Kor waayeel waa wada indho e, waalidkii oo horay xaaika ula socday ayaa arrintii soo dhaweeyey, halkaas ayeyna ku kala tageen Dhirabil iyo Hibo.

SAYNAB, iyadana maalin maalmaha ka mid ah ayaa Dhimbil waxaa ay Dhimbil isku barteen Carwa-idko oo ay ka wada adeeganayeen, waxaana markaas ay is-baranayeen Saynab wehelisey, gabar kale oo iyadana ay is-barteen oo la yiraahdo Wardi. Saynab waxaa ay u muuqatay 22-jir, mana aysan ahayn gabar ugub ah, laakiin sideeda ayey ku ahayd jiroos isku-dhuuq ah. Waa noociisii; lafta, joogga, midabka iyo soo jiidashaba, oo qumqumka iyo carafta ka soo kakamaysa aan laga ag-fogaan karin. Intii Carwada lagu jirey oo ay adeeganayeen waa la kaftamayey, waa ayna isugu baxday.

Markii ay adeegteen ayuu wax Alle iyo wixii qarasha ahaa ee ay ku adeegteen isagu miiska saarey, taas oo ka yaabisey iabadii gabdhood-ba. Hoos ayey iska qanjaruufteen, markaasey – waa dad is af-yaqaanee – inta af-jinni iskula hadleen ku ballameen in ay xariifkaan badar-noolaha ah ku dhegsadaan. Markii ay Carwadli bannaanka uga soo baxeen ayaa isaga iyo Saynab doc u wada istaageen, xoogaa hadalana isku tuur-tuureen, waxaa ayna isla garteen in ay wada sheekeystaan, isaga oo ku ballansaday halkii uu degganaa, oo markaas ahaa Hutelkii Jubba. Inta uusan dhaqaaqin ayey Saynab tiri “Alla Aboowe magacaagii iima aadan sheegin”. Suuye “Gacaliso waan kuu sheegee, raa iska liqdey… Xabiibti waa Axmed”. “Haye Axmed Mahadsanid abboowe.. Macasalaama”, Inta tiri, ayaa la kala dhaqaaqey.

Saynab oo la dhacday furfurnaanta iyo baatulidda saaxiibkeeda cusub, ayaa bilowday in ay xiriirka saaxiibkeed joogtayso, waxaa ayna ugu tegi jirtay halkii uu degganaa, taas oo isna dhankiisa gelisey yiddi-diile cusub, waxaana dhexdooda ka beermey jacayl waalan, oo Dhimbil si gaar ah u jibaaxey. Haddii in muddo ah ay wada socdeen, waxaa ay ku heshiiyeen guur. Waaridkey iga doon iyo i aroos la iskuma soo qaadine, waxaa laga wada hadlay in Shiikh Kitaab-gaab ah iyo labo shahuud ah oo walanbeysata loo yeerto, isla hoteelkana la isku mehersado. Sidaas baana xaajadii lagu dhammeeyey.

Hoteelkii ayaa aroos gaaban oo aad u cajiib ah lagu galay, waxa uuna arooskaas Dhimbil uga dhignaa, isaga oo ku jira jannadii Firdowsa oo kale, waxaa uuna ka qaadey nasiino iyo raaxo uu ku illoobey shaqo dheer oo dhabar-jab ahayd, oo uu waayadan oo dhan ku jirey, sababta oo ah, Saynab, ayaa waxa ay ahayd bahal gaan-jibad ah oo aad u tababaran, oo taqaan sida ragga loogu raaxeeyo oo maqsuud looga dhigo. Ma aqaan balaayadu halkii ay farsamadaan ku soo barataye, ninkii Dhimbil ahaa wax yaalo uusan aqoon ayey tustay, markaasey – sidii ay hadba kor-iyo-hoos uga imaaneysey, oo ay meel walbana carrabka uga marinaysay – hawadii ka qabsatay!

Runtii aad ayuu uga helay gabadhaan; dabeecaddeeda, soo dhaweynteeda, jiif-wanaaggeeda iyo adeegeedaba. Dhan ka kale, Saynab-na waxaa ay caruusadnimadaan ka qaadday nimco iyo barwaaqo, oo bad-xiranta iyo kuusidii oo saameysey ayey kaga baxday. Wardi ayaa iyana geesta kale, arooskaan ku liibaantay, oo luf-luf fiican ka heshay.

Markii uu 25-cisho la~baayakhlaynayey, ayaa dantii uu Xamar u yimid u dhammaatay. Waxaa uu xaaskiisa u sheegay, in uu Hargeysa ku laabanayo maalmaha soo socda, waxaa ayna si fiican kaga wada hadleen raustaqbalka reerkaan cusub. Waxaa uu soo bixiyey lacag kuus ah oo uu ugu soo tala-galay, waxa uuna kula dar-daarmey, in lacagtaas qeyb ay dahab ku iibsato, qeybna inta uu maqan yahay – oo 4bilood ahna – ay isku dabbarto. “Waa yahay gacaliye, waad igu og tahay, aad baad u mahadsan tahay qalbi”, inta tiri ayey labada dhaban ka shumisey, lacagtiina boorsadii weyneyd ee ay kolkasha ku wadatay ku ridatay. Inta jimicsi sagootin ah sameeyeen, ayey halkaas si qurux badan maalintaas isugu macasalaameeyeen.

Caku daacadnimada iyo dammanaanta Dhimbil mararka qaar, maba oga in Saynab, afar nin oo qudba-siro ku qabta – oo qaarkood dibedda ku maqan yihiin – uu yahay mid ka mid ah!

Markii ay afartii bilood u soo dhammaatay, oo uu soo helay fasax yar oo kooban, ayuu Xamar ku soo dhardhaarey. Waxaa uu u soo socdaa, oo maankiisa ka go’i la’ Saynab, oo uu u soo xiisey niikadeedii iyo is-wareejinteedii uu la qasmi jirey. Markii uu soo galay Xamar, waxaa uu ku degay hoteelkiisii ay ku taqaaney. Maalin markii uu nastay ayuu kama maarmee, raadin ugu dhaqaaqey Saynab. Meesha ay horay u degganeyd ma aqoone, waxaa uu ka raad-raadshaa meelo ay wada fariisan jireen iyo aaggii ay isku barteen.

llaahey amarki, isaga oo maalin gaari Laanroobal ah la xiimaya, isla markaasna marayey Is-goyska howl-wadaag ayuu arkay saaxiibteed Wardi oo lugeyneysa. Inta farxad meel uu is-geeyo waayey, ayuu gaarigii iyada oo lugeyneysa ag istaajiyey. “Wardi soo ma ahan?” ayuu weydiiyey. Inta fiirisey ayey garatay “Alle waa Axmed, ii warran abboowe” ayey tiri, waxaa ayna u raacisey “Alle ma ku nabad keeney”. Xoogaa kaftan ah oo la isku tuur-tuurey kaddib, waxaa uu ku yiri “Soo fuul kursiga hore ee gaariga, aan ku geeyee halkii aad rabtaye”, isaga oo nin la socday oo kursiga hore fadhiyey ka codsatay, in uu ka dego oo uu taksi meesha ka qabsado.

Wardi waa soo fuushey, waxaa uuna u sii qaadey Cali-Kabiin oo ay u socotay. Isla markii ay soo kortay-ba, waxaa uu weydiiyey xaaskiisii qaaliga ahayd ee Saynab. Cabbaar inta ka aamustay ayey wax ay u sheegto garan weyday, markaas ayuu inta la yaabey aamusnaanteeda, isla su’aashii ku celiyey mar kale. “Abboowe waa joogtaa Saynab, waa ayna la socotay in aad xilligaan ku soo aaddan tahay, laakiin labadaan bilood waa mashquul” ayey ku tiri, iyada oo aan jeclayn in ay afka soo marsiiso waxaa ay ku mashquulsan tahay. “Mashquul aa? Oo maxay ku mashquulsan tahay? Ma waalidkeed baa xanuunsan?” ayuu weydiiyey isaga oo amakaagsan, waxa uuna u sii raaciyey hadalkiisii, isaga oo ka codsanaya “Ii gee abbaayo aan u tagee, ma joogi karo aniga oo aan Saynab soo arkine”.

Haddii xitaa ay been sheegi lahayd, ninkaani ulama eka mid ka haraya ilaa ay hor-istaajiso Saynab. “Alla maxaa kaa keeney waa joogtaa!” ayey ku shallaayeysaa. Waa aamustay xoogaa, markaasey – iyada oo weli feker ku maqan – wejigiisii eegtay, waxaa ay is tiri, ninkaan xariif magaalo ayuu u eg yehee, maad runta u sheegtid, in uu wax fahmaa laga yaabaaye. “Abboowe, Saynab waxaa u yimid ninkeedii oo Sucuudiga ku maqnaa, oo ilaa sannad ku dhawaad aan u imaan, waxa uuna la joogayaa ilaa laba bil, ee abboowe waa kuu soo laabanaysaa iska sug ilaa labadaas bilood, fadlan.”

Ninkii Dhimbil ahaa dhulkaa la wareegay, madaxa ayuu qabsadey, af-kala-taag iyo yaabbaa ka soo harey. Waa illoobey eraygii Abbaayo ahaa iyo hadalladii mac-macaanaa ee uu Xamar ka bartay. “Naa maxaad sheegaysaa, miyaadan islaam ahayn! Naa ma igu ciyaareysaa raise waa dhab waxa aad sheegayso?!” ayuu ku yiri isaga oo aan ogayn meesha uu marayo. Inta si fiican u eegtay, ayaa waxaa ay aragtay is- beddelka ninkaan ku dhacay, oo miyirkiisii oo dhan qaadey. Mar kale ayey si miyir leh uga il-buuxsatay, markaas bay aragtay, ninkaan oo wejiga kaduudaya, oo xanaaq iyo yaab dartiis dhidid waaweyn kaga soo yaacey, hadalkana shig- shigaya. Waxaa u soo baxday, sidii ay filaysay si aanan ahayn, waxaa ayna hadda aragtaa in uu yahay dhorroos jaangeri ah iyo bakaati dhar magaalo xiran oo bac seynta kaga xiran tahay!

Isla markii-ba maskaxda ayey ka shaqeysiisey, waxaa ayna is-tiri bal u deji, qabooji, oo si tartiib ah wax u fahansii. “Abboowe is deji, maxaad sidaas isugu shideysaa nooh, arrintaas iska caadi lee waaye nooh, qoftu nin muddo ka maqnaa ayey qancineysaaye, laba bil iska sug nooh, haddii kale oo aad kacsan tahay oo aadan sugi karina aniga ayaa kugu simaya nooh!”

Ninkii inta xanaaq la sarqaamey ayuu daaqadda inta gabadhii ka furey, gaarigii haraati-geelle uga tuurey laamiga Baar- Ubax bartankiisa, isla markaas-na inta daaqaddiisii xirtay dhaqaaqey, isaga oo afka abur ka sii deynaya.

Dadkii ag marayey gurxankiisii ayey sii maqlayeen, isaga oo ku hayey, “Qalin-shubato… Najaasad khasiisa ah oo Kabcadii soo gubtay, balaayo kula tagtay, oo Ilaahay islaamka kaa qabey.” Iyadiina inta istaagtay oo jajafatay, ayey sii lahayd iyada oo gadaal u-sii fiirineysa, “Washeynsi washeynsi dhalay, waxaasaa magaalo iska soo galaya oo gaari wadanaya,” Dadkii meesha taagnaa oo arkayey waxa ay u qaateen laba qof oo meel dhaw iska soo raacey, oo heshiis hoose isla fahmi waayey.

Maalintaas baa ugu dambeysey hadal-heynta Saynab iyo Khawaadkeedii-ba. Asna ma raadsan, il dembana kama qaadin, waxaa ayna arrintaas ku noqotay mucjiso uu ka sheekeeyo marka uu soo xasuustaba.

Laakiin markii uu arkay goolka cajiibka ah ee ay Saynab ka dhalisey, ayuu inta aad u fekerey, waxa uu gebi ahaanba beddelay shaxda uu ciyaaraha Xamar ku soo galo, waxa uuna go’aan ku gaaray, in uu weerarka iyo difaaca isku. dheelli-tiro, dhexda iyo baallahana uu aad isaga giijiyo, isla markaasna uu u dhugmo yeesho khadadka uu ka dheelayo!

Shaxdaan uu beddelay ayaa keentay, in uu ka naqeysto curdanka hadda adduunku uu u cusub yahay, oo qooq-la- boodka ah.

QEYBTA LABAAD

QAXII DHIMBIL

Dhimbil, isaga oo markaas howlo caafimaad u jooga magaalada Xamar, ayaa waxaa bilowday dagaalkii sokeeye ee ka qarxay Xamar 1991kii. Waxaa uu degganaa hotelkii Curubo oo uu nasiino ku qaadanayey. Dagaalka oo markiisii hore jid-gooyooyin iyo xabbado yar-yar ku bilowday, ayaa isku beddelay markii dambe dagaal cuius oo fool-ka-fool ah oo la isku adeegsanayey rasaasta cul-culus. Waa uu maqlayaa waxa ka dhacaya magaalada laakiin waa nin xanuunsan oo war ma raad-raadin kara e, waxaa uu dhageystaa oo uu wararka kala socdaa idaacadda Raadiyo Muqdisho, oo xabbadahaas iyo dagaalkaas ku sheegaysey canaasiir yar-yar oo fallaago ah, oo ay dawladdu ku raad- joogto, soona af-jareyso saacadaha soo socda. Run inta u qaatay ayuu barkintiisii sii dheereystay. Waa uu arkaa dad hoteelka alaabtoodii ka raranaya iyo buuq baxaya, laakiin waxaa uu u malaynayaa dad caadi ah oo hoteelka ka baxaya.

Isaga oo war-mooge ah, oo hoteelkii dhex jooga ayaa raagaaladii lagu kala tagay.

Dhawr jeer oo uu waayey dadkii u adeegi jirey, ayuu isagu soo baxay oo hoteelkii ku dhex-wareegtay, mise iska daa raashin iyo adeege, xitaa shaqaalihii ayaaba, intii ugu dambeysey ka xafash guranaya. Dhawr xilli wax ma cunin oo gaajuu naf la yahaye, bannaanka ayuu u sii baxay, si uu wax uu nafta ku ceshado u doonto, markaas ayuu arkaa dadkii oo kala ordaya iyo dukaamadii, maqaayadihii iyo mirfishyadii oo wada xiran. Waxaa uu arkaa dad dhaawac ah, oo lala cararayo iyo xabbado aan kala joogsi lahayn oo raeel walba ka dhacaya. Warrooy llleen balo! Yaab iyo dhaygag baa ka soo harey! Dib hoteelkii uguma laabane, horay ayuu isaga sii socday, waxa uuna doonayaa in uu magaalada sii indha- indheeyo, raadiyana saaxiibbadiis si uu war uga helo. Waa uu iska sii socdaa, waxa uuna maqlayaa xabbad meel walba ka socota, isaga oo dariiquu maraba ku arkaya qof qori la taagan iyo dad yaac-yaacaya. Waxaa uu arkaa weerar iyo weerar-celis.

Isaga oo iska lugeynaya, oo yara itaal daran, tiisiina u yaabban ayuu arkay dhiig ka socda, mise gacanta midig ayey xabbad wiifta ah ka haleeshey. Farmashiye ayuu raadsadey la sii tacaala inta uu ka sii tagayo isbitaalka, mise farmashiye furan ma jiro. Gaari ma wato uu meeshii uu rabo ku tago, dhawr jeer oo uu gaari gacanta u taagtayna, wax u joojiyo waa uu waayey. Markaas ayuu inta shaatigiisa gacanta ku duubtay, abbaarey isbitaalka Madiina. Isaga oo dhiig baxay, oo wareer hayo ayuu si dirqi ah ku gaarey isbitaalka Madiina.

Si sahal ah kuma helin takhtar, sababta oo ah, waxaa isbitaalka ka batay dhaawaca noocyadiisa kala duwan ee daqiiqaddiiba soo gaaraya iyo takhaatiirtii oo aan qaarkood soo shaqo tagin, dagaalka socda awgiis. Dhawr saacadood oo uu ka daba laabanayey takhaatiirta, ayuu helay gabar Kalkaaliso ah, taas oo rnarkii ay aragtay xaalka ninka, u kaaimaysay oo dhakhtarisey. Waxaa taas uga daran, ma haysto cid cunta u keenta, waxa uuna bilaabay in dadka cuntooyinka loo keeno uu faraha is-kala gashado.

Markii uu xoogaa soo raystay, si fiicanna u fahmay waxa Xamar ka socda, ayuu isbitaalkii ka soo baxay. Xabadda iyo hoogga socda awgiis, hoteelkii lacagtu u taallay laguma laaban karo, in laga baxo mooyee, Xamar-na joogis ma leh. Waxaa uu arkay gaari ku socda waddada dheer ee Afgooye aadda oo dad qaxaya fuushan yihiin. Gacanta ayuu u taagtay, waa loo joojiyey, markaas ayuu ka codsaday in ay qaadaan, dabadeedna waa ay ka aqbaleen, sidaas ayuuna ku sii raacey. Isaga oo gaariga dhakada ka fuushan ayey is-arkeen nin daris kala ahaa gurigii uu Shaqlan ku qabey, markaas ayuu weydiiyey halka uu u socdo, waxa uuna u sheegay in uu bar-tilmaameedkiisu yahay Keenya.

Markii uu baxayey, uma sheegin xaasaskiisii kala duwanaa, oo qaarkood laga furtay, kuwana ka dhinteen, in kalana uu weli qabey, sababta oo ah, isaga oo war-mooge ah ayuu ku waabariistay xabbadaha magaalada Xamar hareeyey.

Mar baaba intii ay dagaalladaas ka socdeen Xamar, mid ka mid ah ehelada Xamdi, oo ka mid ahaa dadkii ka furey ninkeedii Axmed ahaa, u sheegay Xamdi in uu arkay qof ninkeedii u eg oo mayd ah, laakiin wax badan oo ay raadisey kuma aysan guuleysan, in ay aragto raqdiis iyo ruuxdiis toona. Xamdi waxaa ay u qaadatay in uu dhintay Axmed Samatar, laakiin wel-welka ugu weyn waxaa uu ka hayaa aqoon-yarida ka haysata dadkiisa, si ay u barto gabadha ay u dhashey, haddii ay si kale ku raadin laheydna, ma taqaan qaraabadiisa iyo abtirsigiisa oo dhammaystiran midna. Horayna uma baran, markii laga furayeyna qabiilkiisa guud oo goobtii furriinka ay ka maqlaysey mooyee, si hoose uma sii baran, oo arrintaas wax kale ayaa uga weynaa, mana yeelan xiriir kale oo dambe!

Markii la marayey Afgooye, ayaa dadkii gaariga watay qaraabo ka degganeyd Afgooye dooneen in ay qaadaan, mise gaarigu waa cariiri, oo waxaa saaran dad badan oo ay jidka ka soo qaadeen. Waxaa ay Dhimbil iyo dhawr qof oo kale oo ay laamiyada ka soo qaadeen ka codsadeen in ay uga degtaan gaariga, oo ay gaari kale raadsadaan si dadkooda ay u qaataan. Dadkii kale waa ka daateen gaarigii, laakiin Dhimbil dhawr jeer oo uu ku cataabay in ay iska daayaan, waa ka diideen. Waa uu is-yara adkeeyey, markaasaa – waa dad aan garaneyne – gaarigii xoog iyo laad looga tuurey! Ka sii darane, cidna kama yaqaan Afgooye, lacag uu ku sii joogana ma haysto, waana dhaawac soo yara kabanaya.

Waa uu iska harey, saa dan baa tiriye. Darbi inta fariistay ayuu fekerey, misena fekerey, waxaa ayna talo uga idlaatay, in aysan halkani joogis lahayn. Markii hore gaariga waa iska saarnaaye, waxaa uu hadda dhigtay shax muujineysa sida uu halkaan uga baxayo, waddada uu marayo iyo meesha ugu dhaw ee uu Keenya  ka geli karo. Oo maxaa uu darbiga u fadhin, inta istaagey ayuu laamiga tagay, si uu gaari socda u raaco.

Ma jiro gaari lacag lagu raaco, oo qax iyo orod ayaa lagu jiraa, isna lacag ma haysto haddiiba la heli lahaa gaari noocaas ah, oo waxaa uu fara-qabsi haystay hoteelkii Curubo ayey qol ugu qufulan yihiin oo uu uga soo cararey. Isaga oo laamigii taagan, oo hadba gaari gacanta u taagaya wax u maciinana la’, ayuu arkay gaari weyn oo ciiraya oo tartiib u socda oo dhankaas iyo Kismaayo u socda. Cidna waxba ma weydiisane, inta qabsadey ayuu idin la’aan korey. Isha ayey ka fiirsanayeen dadka saaran gaariga markii uu soo fuulayey, cid la hadasheyna ma jirin oo, dadku iyagaaba naf- la-caari ahaa. Waxaa uu gaarigii ku gaarey halkii uu u socday ee magaalada Kismaayo.

Markii uu tagay Kismaayo, kama helin dad ay is-gartaan o dhaama, waxa uuna halkaas joogey maalmo yar oo ku jire dhib, rafaad iyo nolol xumo. Isaga oo miciin raadis ah, o magaalada iska wareegaya ayuu waxaa uu helay niman – w* isku duwdey – oo u socda halkaas iyo Keenya , waxa uuna ka codsadey in uu raaco. Waxaa ay ahaayeen rag yaqaane, waa soo dhaweeyeen waana ka aqbaleen, kaddib marka ay arkeen il-xumada ka muuqata. Halkaas ayey isaga iyo raggii atka saareen waddo aadda Keenya , waxaa ayna ka galeen xeradii qaxootiga ee Utanga. Xeradaas Utanga iyo Dhadhaab (gaar ahaan Ifo) oo uu mar dambe uga sii gudbey waxa uu ku noolaa muddo Shan sano ah, oo uu waayo-aragnimo nololeed oo kale uu ku bartay.

Xilligii uu Soomaaliya joogey, waxaa uu ku noolaan jirey dabaqad sare; wixii maankiisa ku soo dhacana ma waayi jirin. Waxaa uu ahaa madax xurmo leh, oo loo soo martin jirey. Waxaa uu ahaa nin ku nool waddankiisa oo uu macna badan ku dhex lahaa. Hadda xaalku sidaas ma ahan, waxaa uu subixii tagaa meesha Shamuurida, Galleyda iyo Shagariga lagu qeybiyo, oo uu kaarkiisa inta qaato garaamkiisa tunka soo saarto!

Guryihii qasriga ahaa iyo hoteelladii ma jiraan iyo raaxadiiye, buush uu dhistay ayuu maalinkii qorraxda kaga gabbadaa, habeenkiina fagooraha ka galaa. Ma lahan dharkii quruxda badnaa ee la isku bed-beddeli jirey iyo gawaaridii sida shaatiyada la isaga beddeli jiraye, hadda labada joog oo baali ah ayuu isku dhaaraantaa, gaarina warkiisa daah! Dumar- raadin iyo hawadeed kumaba soo dhacdo, oo tiisa ayuuba u maara la’yahay. Waxaa uu inta badan ku taahaa “Caku adduun, tanina ma kuu dambeysey!”.

Haddii uu muddo dheer dhibaatada, rafaadka iyo macaluusha ba’an ee meesha ka jirta uu la ad-kaysan waayey, waxaa uu ku fekerey in uu dhankaas iyo Nayroobi uu u tacabbiro, halkaas oo uu ku maqley dad badan oo ka baxa, oo aada dalalka Mareykanka iyo Yurub, Nayroobi ayuu isku sii daayey, isaga oo ku degay dhallinyaro ay isku barteen xeryaha Utanga iyo Dhadhaab, oo ay qaar qaraabo ahaayeen, oo markii hore si fiican ugu soo dhaweeyey Nayroobi, laakiin gadaal ka xumeeyey.

Xilligaas Nayroobi waxaa ay ahayd meel dac-darro ay ka jirtay, oo dadka ku nool oo dhan qaxooti wada ahaa, oo aysan jirin cid cid kale qaadi karta. Markii ay soo dhaweeyeen dhallinyaradii oo uu la joogey btl iyo dheeraad, oo uusan wax un dhaqaale ah ku darsan, ayey u sheegeen in uu meel kale raadsado. Ma isagaa yaqaan meel uu aado, meesha waa ku cusub yehee, waxaa uuna ka codsadey in uu la joogo inta uu magaalada si fiican u kala baranayo, oo uu kala qabsanayo,

Markii ay arkeen in uusan ka tagayn, ayey ka tashadeen sidii ay ninkaan culeyska saa’idka ah ku haya, oo aan waxba ku soo kordhineyn, isaga saari lahaayeen. Waxaa ay ku tashadeen, in sida ugu fudud ee ay ku khaarijin karaan, ay tahay in ay guriga uga guuraan isaga oo aan ogeyn. Magaalada inta galeen ayey qol soo kireysteen, waxaa ayna alaabtoodii ku rarteen gurigii isaga oo magaalada qaraab- doon ugu maqan. Alla, kuwaasi xaasid sanaayaa! Xitaa kirada guriga bishaas ma aysan bixin, markaasaa isaga oo soo wareerey uu gurigii yimid. Mise, waa maxaad ii dhiibatay!

Gurigii oo furan oo uusan hal shey dhex ool ayuu soo istaagey. Kaaga darane, waxaa isna yimid ninkii guriga lahaa oo kiro goobaya oo arkay gurigii oo laga guurey. Waxaa uu qaatay in ninkaani yahay qofkii ugu dambeeyey, oo gurig wixii looga tagay soo qaadaya. Inta qabsadey ayuu yir “kiradii isii”. Markaas ayuu ku yiri “Aniga guriga dul saarbaan ku degganaa ee nimankii degganaa ee kaa kireysta’ u raadso”, Maxaaba hadalkaas ka keeney! Isagii ayu’ kulleetiga ku dhegay. Labadoodii oo qoorta iskula jira, aya waxaa u yimid nin sama-doon ah oo markii uu ogaaday sid ay wax u dhaceen kala maareeyey, Maxaa u yaalla! isaga o kuwii habaaraya, ayuu inta calaladiisii aruursada- magaaladiisii isaga laabtay, oo goobtay meel uu dhinac dhigo.

Waxaa uu hadba qaraabo ama saaxiibbo uu samaystay, oo caal waaya, ag-jiifsadaba, waxaa uu arkay wakhtiga oo isk* socda iyo isaga oo aan waxba hayn. Buufis iyo howiaha uu Nayroobi u yimid ayuu cayrsadey. Waxaa uu raadiyaa dad loo soo dacwoodo oo qaraabo ah ama asxaab ah, oo qof ka dhimman yahay oo uu raaco, mise cid daneyneysa oo u heellanba ma jidho,

Wakhtigu waa ordayaa, garka iyo gafuurkiina waa sii caddaadeen, shilinna iskuma furto. Mar ayuu is-weydiiyey “Ehel iyo tol iyo saaxiib weydaye, bal maad markaan eegtid dhankaad ku fiicnaan jirtay, oo raadisid naag layn u xareysan yahay, oo aad lacalla ku dhooftid”. Taladaas waa la fiicnaatay, waxa uuna galay magaalada. Waxaa aad barato waa baaskaaye, curdankii ayuu ka bilaabay! Isma oga farqiga u dhexeeya, sida uu ahaan jirey iyo qaabka uu hadda yahay! Hadda waa oday doxosh ah, timihii iyo garkii inta ku bexeen ay salka ka caddaadeen. Waa qof wiiqraey oo aad mooddo ari dhuuqo ku dhacday. Waxaa uu qabaa shaati ka weyn oo harwash ah, oo diin-diin yar ka muuqdo iyo sirwaal jeenis ah oo jacdadmey, oo aan bil, biyo iyo saabbuun arag. Goomanka qodmey ee ka soo jeeda iyo iikaha dhaadheer ee doorsoomey lama dhugan karo. War si kale kuma garatide, haddii uu kaa soo hor-baxo, Allow yuusan wax ku weydiisan baad is leedahay!

Hadda waa dhoof-doon buufiskisii Alle ka geliyey dumar e, isaga oo maraya Luuqyada Islii mid ka mid ah ayuu arkay gabar ladan oo noociisii ah, oo dhalac-dhalac ku haysa. Waxaa uu is yiri “Nayroobi barwaaqadaani kama jidhe e, wallaahi tani marka ay ugu yar tahay, waaridkeed baa dibedda jira! War ku qabso ku qadi may side’.”. Inta gacanta u haatiyey, ayuu ku yiri “Qalanjada waan ku salaamey”, Way fiirisey, mise waa mid sibaaban. Inta aamustay ayey socodkeedii iska sii wadatay. Inta ka daba dheereeyey ayuu misena ku yiri “Abaayo, maxaa kugu dhacay soo kula hadli maayo, ii waran quruxley, waad isoo jiidataye”. Dib ayey mar labaad u fiirisey, mise waa qofkii wareersanaa oo daba- taagan. W axa u malaysay wax waalan oo Alle maanta ku soo salladaye, inta qeylisey ayey cagta wax ka deydey, iyada oo ku sii heysey, “Waalane. Waalane!”

Ninkaan waxaa uu is ogaa, isaga oo gabadhii uu la hadlaba ay soo kashlayn jirtaye, middaan waa ka yaabey, waxaa ayna arrintaan ku noqotay mid maankiisa gaddey. Waxaa kale oo ay arrintaan soo xasuusisey mid iyada oo kale ah, oo uu dorraad-foog sidaas oo kale inta uu afka la galey caag ay Biibsi ku cabbeysey ku soo halgaadday. “Maxaa khaldan ayuu is-weydiiyey?”. Meel tima-jare ah, oo u dhaw ayuu inta ku leexdey, is eeg-eegay, mise waxaa uu eg yahay qatawaar cantalyaa ah oo laga cuudu-billaysto! Hadda ayuu gartay is- beddelka jira, waxa uuna go’aansadey in uu shaxda beddelo. Waxaa uu talo ku gaaray, in uusan hadda kaddib isku wareerin dhoocilaha yar-yar, ee uu goobto xalusyo buur iyo xusullo kuus madax-bannaan, oo ama ka bixiyey ama ku sii dhaw, oo layn dhoof sugeysa.

Dhimbil waa nin, in uu ka tago Afrika oo dhan raba e, ma fariisan, waxa uuna baadi-goob ugu dhaqaaqey naag buufiskeedii maaro u heshay. Isaga oo suuqa Islii ka ag qaraabanaya ayuu isha ku dhuftay islaan inta ka soo baxday xawaaladda Amal, oo dukaan weyn oo ay ka adeeganaysey sii galaysa. Inta ay xawilaadda ku jirtay iyo inta ay adeeganaysay oo dhan wiido ayuu ka hayey, isaga oo geesta kalana xansanayey. Wax badan oo uu isku dhufsadey, waxaa ay ula ekeetay in uu daba-dhigto. Markii ay hawsheedii dhammaysatay, oo ay baxday ayuu daba-galay. “Abbaayo, ma kula qaadaa alaabta?”, qof leh ayey ka war-heshay. Inta dhugatay ayey ku tiri “Walaal waad mahadsan tahay”. Maba ka harine, waa iska sii daba-galay, oo la sii qab-qabsadey. La islama gaarin afaaro hoose oo la iska wareystee, salaam iyo nabdaadin kaddib, waxa ay ku tiri “Walaal, meel baan ku deg-degsanehee, berri isla hadda oo kale ayaan halkaa imaanayaaye, ii imow”. Inta farxay, oo uu u qaatay, in uu ji u furmey, ayuu ku yiri “Abbaayo waad mahadsan tahay, waxa aad tahay gabar jirta. Insha Allah berri waan ku sugayaa.”

Iyaduse waxaa ay u haysataa nin wiido ka hayey oo shaxaadaya maadaama uu rafaad ka muuqdo!

Markii subixii la gaarey ayuu goobtii ballanta isa soo taagey, isaga oo faraxsan, xaiay oo dhanna ka fekerayey sidii uu naagtaas ku soo xero gelin lahaa. Markii xilligii la gaarey, ayey xoogaa kaddib is keentay, markaas ayuu inta ku ordey salaam kal-iyo-laab ka soo go’day ku dhajiyey, uguna dhaqaaqey in uu ka warsado xaaladdeedii ilaa xaiay wixii ku soo kordhey.

Si koo-kooban ayey inta ula hadashey, bay ku tiri “Walaal dhankaan u soo istaag”, oo inta u soo bixisey 150 Shilin Keenya ah u soo taagtay, dabadeedna ku tiri “Walaal, waan ogahay xaaladda xun ee ku haysata Nayroobi ummadda Soomaaliyeed, waase laga bixi doonaa, ee walaalow bal intaan ayaan kuu soo heiaye qaado, Insha Allah, marar kale oo aan sidaan dhaamo, waan is arki doonnaaye”. Inta u qaadan waayey, oo qosol been ah u dhoolla-caddeeyey, ayuu ku yiri, “Abbaayo, anigu lacag kuma weydiisan, ee xoogaa sheekadaada ayaan xiiseynayey.”

“Maxaad ka waddaa?” ayey iyada oo la-yaabtay ku tiri.

“Abbaayo, dee… Dad waaweyn baannu nehee, dee, in aan is-wareysanno oo aan wada sheekeysanaan doonayey,” ayuu yiri isaga madaxa xog-xoganaya. Inta yaabtay, oo fajacdey, oo si yasmo ah kor-iyo-hoosba uga eegtay, oo indhaha kala ged-geddisey, oo misena candhuuf tiririq ka siisey, bay inta ka dhaqaaqdey ku tiri, “Allow Alle, ma qaddarkaas baad naag ku dooneysaa!” Halkaas ayeyna, isaga oo liq-daaran uga dhaqaajisey, inta lacagteedii boorsadeedii ku ridatay!

Arrintaasi niyad-jab weyn ayey ku beertay, maadaama uu u ekaadey urduf loo malaynayo in uu tuugsado. Inta uu meel fariistay ayuu baarey sababta, waxa uuna ogaaday in arradka iyo busaaradda iyo kareen la’aanta ioogu daw-galay. Waxaa uu go’aan ku gaarey in uusan naag dambe la hadlin isaga oo aan wax ka beddelin sida uu hadda yahay.

Maalmuhu kala ayaan roone, maalin isaga oo meel biibata ah iska fadhiya, ayuu arkay nin ay horay ciidamada uga wada tirsanaan jireen, oo ay is-yaqaaneyn. Inta ku soo booday ayuu salaamay. Waa uu og yahay, qof horay u aqoon jirey in uusan hadda garan karine, si fiican ayuu isugu sheegay.

Ninkaan oo gartay Dhimbil, oo aad uga naxay rafaadka haysa ayaa inta la fariistay wareystay. Alla ninku gobsanaayaal Sheeko dheer dhex mart ay – oo u badneyd dhibaatadii iyo abaartii uu soo maray Dhimbil – kaddib, ninkii lacag 1000 doollar ahayd oo uu Xawaalad ka soo qaatay ayuu 500 doollar ku tabbacay. Farxad darteed ayuu dhimbil ninkii oo meeshii fadhiya oo uusan macasalaameyn uga dhaqaaqey. Waa nin foorjeysnaaye, meet kale ma aadine, waxaa uu abbaarey suuqa dharka, waxa uuna ku soo adeegtay 250 doollar, wax Alle iyo waxaa uu watayna, qashinka ayuu ku daray, waxaa kale oo uu iska soo hagaajiyey garkii iyo madaxii.

Maalin maalmahan ka mid ah, isaga oo bini-aadam u eg, ayey meel surin ah waxaa ay isaga soo hor-bexeen mid is- jajabineysa, oo markii uu ka il-buuxsaday uu u qaatey in ay meel wax u saaran yihiin. Markaan waa nin loo istaagi kare e, waa la isa-salaamay, oo la is-wareystay, dabadeedna waa isugu baxday. Waa nin dad meelo gay-gayn karee, waxaa uu ku ballansadey meel maqaayad ah oo uu casho u geynayey.

Kulankoodii koowaad-ba, waxaa ay u sheegtay in ay Layn Kanada ah sugeyso, oo ay dhoofi doonto shan bil kaddib. Waaba sida uu rabaye, cagta ayuu cagta u saarey. Lacagtii oo ay uga hartay 150 doollar, ayuu u qoondeeyey in uu ku casho gee-geeyo, xabbad-xabbad catar ah oo hadiyad ahna uu u raac-raaciyo. Isaga oo shanta bil iyo lacagta uu heysto isku jaan-gooynaya ayuu labadii asbuucba mar casho geeyaa. Iyada wax diyaar u ah iyo wax ay sugayso ma jiraane, shaw sidiisa oo kale ayey busaaraddu gubaysaa, oo ninkaan ayey is-leedahay buufiskaan beenta ah ku dhuuq, oo abaarta daba-dheer uga bax!

Iyadu waxaa ay jeceshahay in ay mar walba kulmaan oo waa soo raadisaa, laakiin isagu ma jecla, oo waxaa uu ka baqayaa in ay kabihiisu si deg-deg ah ku soo uraan. Wax la wada sheekeysto, oo marna casho la tago, marna guryaha iyo beeraha la aadaba, waaba la sii dhaafay lix bilood, qoftaanna casho nagee iyo shaxaad mooyee wax kale kamaba soo socdaan. Waxa uu isagu jecel yahay in jacaylka iyo iska wareysiga laynkii meesha uu marayo laga sheekeysto, laakiin iyadu jacaylka ayey xoogga saartaa.

Markii wakhtigii ay tiri waa dhoofayaa la dhaafay, oo misena uu ka arki waayey ashqaal dhoofitaan, ayuu waxa uu bilaabay in uu u fiirsado hadalladeeda, waxaa uuna arkaa iyada oo hadba si kale wax u sheegaysa. Tusaale, waxaa uu ogaa iyada oo leh habar yartay ayaa Kanada joogta, oo laynkaan gabadheedii iigu xareysey, haddana waxaa uu arkaa maalin iyada oo leh, adeerkey ayaa naag ahaan iigu soo dacwoonaya, maalin kalana iyada oo leh ayuu arkaa, waxaa fiise ii xareysey eeddadey. Mar xitaa inta illowdo Kanada ayuu arkaa iyada oo Mareykanka Laynkii u xawileysa. Haddii aad been badan tahay waa la xasuus badnaadaaye, waa gartay in ay tahay ugaarsato uu dabinkeedii ku dhacay!

Habeen habeennada ka mid ah, oo uu iska caajisnaa ayey inta u wacdey ku tiri “Abboowe caawa ma tagnaa Hoteel Ramada oo halkaas ma ku soo qaxweynaa?” Inta xoogaa wax is-wey-weydiiyey, oo uu is-yiri “Qoftaan caawa si wanaagsan u wada hadla”, ayuu ku yiri “Haye”. Inta uu markaas is- diyaariyey ayuu hoteelkii maqribnimadii sii tagay, oo inta meel sii fariistay iska sugey. Waaba tan iyada iyo laba kale oo ay hoggaamineyso oo ka kicinaya. Inta la soo fariisteen ayey salaameen, isla markaasna saaxiibtiis bartay labada naagood ee kale ee la socotay. Iyada iyo saaxiibadeed-ba, waa qaraab- ku-noole, waxaa ayna ka soo qabatay in ay saaxiibkeed caawa ka wada casheeyaan!

Markii xoogaa la is-nabdaadiyey, yarana la xifaal-tamey, ayaa waxaa soo kor istaagey, kii cunta geeyaha ahaa.

“Walaalayaal, maxaan idiin keenaa; cunto iyo cabbitaanno; qabow iyo kuleyi ba leh?”. Waa ogaa in Jacagta uu haysto ay tahay 500 Shilin Keenya ah oo uu qaar soo deyn-qaataye, inta kabalyeerigii ia hadlcv ayuu ku yiri “Adeer shaah iyo cabitaan noo keen”. Saaxiibtiis ayaa inta soo booddey ku tiri “Xabiibi, anigu caawa dhayladii baan u xiisaye, kabalyeeri ma haysaa dhaylo ari.” Markaas baa Kabalyeerigii ku yiri “Haah”. “Ii keen daqey dhaylo ari ah, bar baasta ah, cabbitaan liin banbeelmo ah, iyo xabbad kooka ah”, iyada oo aan warkii ka bixinna, ku tiri saaxiibbadeed “Ha is-martiyeeyninee wax dalbada”. Waa qowsaarro indha-adage, iyaguna raashin aan ka dhicin midka ay dalbatay ayey dalbadeen. Ninkii Dhimbil ahaa waa yaabban yahay, hadalkiibaana ku dhegay, wax uu sameeyo iyo halkii uu lacagtaan ka bixin lahaa ayuuna ka fekerayaa.

Isaga oo fekeraya iyaguna qosol iyo kaftan ka bixi la’yihiin ayaa kabalyeerigii keeney dalabkii. Waa qowleysato cunto bilaa-xisaab ah bartaye, waxaa uu la yaabey cantuugo weynidooda iyo laba-canleyntooda! Marka uu arkay xaasidnimadooda ayuu go’aansadey in uu iyaga cashada ku gooyo. Inta istaagey, oo moobeel-kiisii dhegta saartay ayuu dhaqaaqey, oo iska dhigay wax qof gaar ah la hadlaya. Gadaal ayuu u soo fiiriyey, mise madaxaba kor u qaadi maayaan. Inta hoteelkii ka baxay ayuu gurigiisii iska sii aadey, taleefoonkiisiina dansadey. Markii ay dhergeen, sidii ay meeshii u sii fadhiyeen ayaa talo ku caddaatay, oo ay fahmeen in uu Dhimbil ka jaqaafiyey. Maxaa yaalla oo kale, katiinadahoodii dahabka ahaa iyo moobeelladii ayaa laga qaatay. Yaaba dib dambe u wada hadlay, halkaas ayey haddii Dhimbil iyo naagtii ay iska hor-yimaadaan, inta indhaha la isku gubo la iska ag maraa! Wax badso wax beel baa laga qaadaaye, markaanna waa ku fashilmey isku deygiisii kale.

“Allow yaa ku dhaafiya Afrika” ayuu ku cataabaaye, ma isagaaba quusanaya. Markii uu arkay laymankii Nayroobi dhex-dooda ahaa in uu ku fashilmey, ayaa markii uu ayaan joogey, waxaa uu go’aansadey in uu dumarka dibedda jooga raadiyo, oo uu shukaansado, dabadeedna ka dhaadhiciyo in ay Nayroobi inta ugu yimaadaan kaxeeyaan, sababta oo ah, waxa uu og yahay, in uu yahay khad heer sare ah oo ay rag badan ku dhoofeen. Laynkaasi waxaa uu ku xiran yahay, in uu qofku Internet-ka yaqaaanno, waxa uuna bilaabay in uu Internet-ka – si uu sameeyaba – uu barto.

Dhaqaale Internet lagu barto ma haysane, dhallinyaro uu bartay oo Internet Cafe lahayd ayuu bilaabay in uu si bilaash ah ula shaqeeyo, oo uu gacan-yare u noqdo, si uu isna uga barto qaabka Internet-ka loo isticmaalo. Markii muddo xoogaa ah uu la shaqeynayey ayuu bartay Internet-kii isaga oo samaystay MSN isla markaasna aad u kala bartay qololka Paltalk-ga.

Waa nin meeli u caddahaye, qof aan dumar ahayn, oo aan joogin Yurub ama Wagooyiga Ameerika lama hadlo. Daadaalaa waa gaaraaye, sidii uu Intemet-ka u dul fadhiyey, qolalka Paltalk-ggana ugu jirey ayuu waxaa uu soo helay islaan garoob ah oo Ingiriiska ku caajistay. Cagta ayuu cagta u saarey, waana af-miishaare, si fiican ayuu jacayl ugu asqeysiiyey.

Mar ay sawir ka dalbatay, ayuu waxaa uu u direy sawirkiisa oo Kambuyuuter inta lagu habeeyey la qurxiyey, oo aysan ka muuqan dac-darrada hadda ka muuqata. Aad ayey ninkaan uga heshay quruxdiisa iyo weliba hadalkiisa macaan. Hadda Internet-kii iyo qoraal-ku-sheekeysigii waa ayba iska deysey oo taleefoon ayey ka soo wacdaa, si ay ugu raaxeysato hadalkiisa hallaasiga ah, markaas ayuu sheekooyinkiisii macaanaa u saaraa. Alla muxuu ku qubaa gabey, geeraar iyo heeso uu ku amaano, oo islaantii oo dhan dawakhiyey! Naagtii jacaylbaa inta wareemey, ayey is tiri “Ninkaan oo kale lama heli karee, yuusan ku dhaafin”.

Muddo yar gudaheed-ba, waxaa ay soo istaagtay “Waan kuu imaanayaa oo Nayroobi baan isku mehersanaynaa”. Maba aysan laba-bogleyne, sidii ay u soo ordaysay, bay garoonka Jomo Keenya ata soo istaagtay. Isna ballanta ayuu ogaaye, garoonka ayuu tagay, si uu u soo dhaweeyo, isaga oo taksi uu ku soo qaado magaalada ka soo kaxeystay.

Caku fara-marnaan! Ninka busaarad iyo shiid ba’an ayaa ka muuqda. Waa qalfoof daneysan oo misena dbaaraan la’, oo intii uu qabey ku dul-caddaatay! Maalmahaan oo dhan ayuu raadinayey dad uu dhar ka caariyeysto, laakiin wax aamina waa waayey! Dee muxuu sameeyaa! Sidii isaga oo ah ayuu garoonkii sii istaagey. Waa uu weji yaqaannaa oo sawirkeeduu haystaaye, bannaanka ayuu ku sugayaa. Markii ay soo baxday, iyada oo boorsooyin jiideysa ayuu inta kor ka arkay u yeerey, oo ku yiri “Fartuun, ii waran abbaayo, Alxamdullilaah, haddii Alie ku nabad keeney”. Inta garan waydey qofka la hadlaya oo magaceeda ugu yeeraya ayey inta fiirisey tiri “Waa kuma?”. Suuye “Waa Jaamac, waa saaxiibkaagii qaaliga ahaa ee aad u socotay”.

Inta ka yaabtay qofka sida uu eg yahay ayey tiri, “Jaamac aaa… Ma adigaa Jaamac ah!?”. Suuye “Qalbi, maxaa kugu dhacay? Miyaad I garan weyday? Soo bax, keen boorsooyinka aan kuu qaadee”. Hadalkiisa ayey ka garatay in uu yahay Jaamac, laakiin sawirkii uu u soo direy ee uu kula sheekeysan jirey iyo sida uu haatan u eg yahay isma lahan! “Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun, ma waxaan baad raaci kartaa oo tolkaaga iyo asxaabtaada tusi kartaa?” ayey isla markiiba is- weydiisey!

Dumarka badankood rag aqoon ma ahane, waa indha-ku-garaad lee, cabbaar markii ay ag taagneyd oo ay fekereysey, ayaa waxa ay ku tiri hadal uu ka naxey “Walaal, waan ku xumahay, sidii aan moodayey ma tihid, marka iga raalli ahow!!”. Isla markaasna inta jaantii ka rogtay, ka tagtay, isaga oo halkii indhaha taagtaagaya! Muxuu sameeyaa, waalli ayuu qarki u istaagay! Waxaa jabkaas ugu darmadey, taksigii uu kula soo heshiiyey in uu qof kaga soo qaado garoonka diyaaradaha, oo uu doonayey in ay iyadu bixiso, maadaama uusan isagu waxba heli karinna, meesha ayuu u taagan yahay! Isaga oo isku mashquulsan, oo si’ uu sameeyo garan la’ ayuu arkay mid uu bar-yaqaaney oo taksi sii galaya. Gacanta ayuu u taagtay, waa u istaagey, teksiilihi uu watay ayuu inta ka dhuuntay ninkaas sii raacey, oo uu ku gaarey xaafadda Soomaalida ee Islii.

Halkaas ayey Dhimbil iyo naagtii dhal-dhalaal doonka ahayd isku dhaafeen! Caku-se aqoon-darro, naagtaasi ma oga sida uu durufkaan sariirta ugu fiican yahay iyo hantiilaha uu yahay! Bal kor ka aragtaye, may hoosna ka fiiriso, oo may inta iska kaxeysato hal habeen tijaabiso!

Hadda sagaal sano ayuu ku marayaa Nayroobi, wax uusan isku dayin sidii uu uga bixi lahaana ma jiro, albaab kasta oo uu garaacana waa ka soo awdmey! Sidiisii hore iyo shiidnimadii mid ka daran ayuu ku laabtay. Waa niyad-jabey, waxa uuna ka rajo-dhigay adduunyada. Waa ka dhacay noloshii oo beerta ayuu si fiican u galay. Kabadhada qaadka iyo sanqadaha daroogada ayuuna ku ag-dambeeyey.

Intii uu xaalkaan ku jirey ayaa waxaa Nayroobi timid xaaskiisii koowaad ee Xaawo, oo raadineysey in muddo ah, maadaama sidii uu Xamar uga qaxey uusan juuq u soo dhihin – cod iyo calafba. Markii ay Nayroobi timid, ayey ingooraale ah oo ay raadineysey kaddib, la kulantay ninkeedii oo doorsoomey, oo nolosha meesha ugu hooseysa kaga jira. Waxaa ay aad uga xumeyd xiriir la’aantiisii iyo wax-tar la’aantiisii intii uu Keenya joogey, taas oo uu ku darsadey in uu khadka noioleed ka dhaco.

Xaawo waxaa ay isku daydey in ay nolosha ku soo celiso, waxaa ayna sameysey wax walba oo ninkaan lagula tacaali karo, si uu noloshisii caadiga aheyd ugu soo laabto. Laakiin taasi waa u socon weyday Xaawo, waxaa ayna arrintaasi ugu dambeyntii keentay in ay kala tagaan, oo ay ka dal-doorsato, waxa ayna Xaawo markii la furey, u shaqo tagtey Koofurta Afrika.

Markii ay Xaawo kala tageen ayey noloshiisii misena ka sii dartay, waxa uuna bilaabay in uu isku maaweeliyo balwad, nooc kasta oo ay tahay-ba, taas oo gaarsiiyey meel xille.

RAXMO IYO SAFARKEEDII YAMAN

Raxmo, markii ay kala tageen Dhimbil, waxaa ay bilowday in ay shaqeysato oo ciddeeda iyo wiiikeedaba anfacdo. Waxaa ay maalintii wiilkeeda u dhiibataa hooyadeed Nuurto, waxaa ayna ka soo shaqeysataa magaalada, hase yeeshee – waddanka oo mar dambe colaado sokeeye tiimbaday awgi – waxaa sii anfici weyday nolosha waddanka, waxaa ayna is- kuia talisey, in ay ka tagto magaalada Xamar, iyada oo feker dheer kaddibna, go’aansatay in ay u tacabbirto waddanka Sucuudiga, halkaasna ay ka soo shaqeysato. Markii ay taladaas gaartay ayey hooyadeed iyo aabbeheed u sheegtay, iyada oo ku qancisey faa’iidada uu dhoofkeedu u leeyahay mustaqbalkooda, taas oo iyaguna ay soo dhaweeyeen isla markaasna ugu duceeyeen in Alle meel san geeyo.

Iyada oo qaban-qaabada socdaalkeedii ku jirta ayey maalin isku arkeen Suuqa Bakaaraha Xamdi. Inta isku soo boodeen ayey midba tii kale ku tiri “Balaaya-qabihii ma heshay?”, waxaa ayna mid walba hal mar la booddey “Waan helay Ilaahayna waa na kala saarey”. Sheeko dheer oo ku saabsaneyd waayahoodii hore kaddib, waxaa ay Raxmo u sheegtay Xamdi, in ay safar isku diyaarineyso oo ay u socoto Sucuudiga, taas oo Xamdina ugu duceysey in uu Alle ku guuleeyo socdaalkeeda.

Ayaan kaddibba, Raxmo waa ay safartay, iyada oo foolka saartay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, oo ay doonaysey in ay uga sii tallowdo waddanka Yaman, dabadeedna ay ka sii aaddo dalka Sucuudiga, oo qasadkeedu ahaa. Diyaaradi ma jirine, waxaa ay qabsatay gaari Sitay ah oo khudaari ka buuxdey, oo dad yar wadey una socday Gaalkacyo. Sidii ay u sii socdeen ayaa gaarigii oo marayey meel heyjad ah, oo u dhaxaysey Jowhar iyo Buulo-burde waxaa uu ku soo dhacay isbaaro cusub oo mooryaan meeshaas u tiilley. Gaarigii ayey inta dadkii ka dejiyeen baarteen. Markii ay gaarigii ka soo dhammaadeen, ayey dadkii u soo laabteen. Dadkii inta aysan baaran, ayey Raxmo oo ay quruxdeeda la dheceen gees u istaajiyeen. Dadkii kale inta furteen ayey gaarigii fasaxeen, Raxmana la hareen. Dadkii gaariga watay iyo dadkii saarnaaba ma aysan ahayn kuwo arxan lehe, waa isaga dhaqaaqeen Raxmo oo jirridii inta la hartay tafaha ku dheggan tahay!

Raxmo waxaa loo reebtay, in tuugada oo geel-jire u badneyd ay ku qara-baxaan, oo ay saf ka galaan. Laakiin taasi ma aysan dhicin! Raxmo duco ayey afka saartay, iyada oo lahayd “Allow adaan ku tawakalay, Allow kuwaan adaan kaa hoos galay, Allow sidii aad doontid iiga bad-baadi, Allow horaan dhib u soo arkaye dib ha iigu celin”. Cajiib… Ilaahay Boqorsanaa, inta ka aqbaley ayuu ka badbaadiyey. Meel waab ah oo aan isbaarada ka fogeyn ayey geysteen. Ninkii soo hunguriyeeya, markii uu soo dul istaago ayey candhadiisi sallax noqotaa. Waa is fiiriyaa, mise wax ba kuma yaallaan. Inta naxo ayuu baxaa, markaasey inta soo laabato dholo’ soo tiraahdaa. Nin kasta mucjisadaasi waa qabsataa, iskumana sheegaan, oo waa kala qarsadaan. Ninkii mar dhankeeda soo aadana dib dambe uguma soo laabto.

Iyada oo xaalkii sidaas yahay, ayaa waxaa yimid gaari Siisow ah, oo isla Gaalkacyo u jeeda. Inta baarteen dad iyo duunyo wixii saarnaa ayey ku dareen Raxmo oo xitaa guntigeeda lacagta ku jirta aysan baaran. Maxaa u furan Raxmo oo aan ka ahayn “ALXAMDULILAAH”. Iyadaas ayey ku wardineysey ilaa ay Gaalkacyo ka gaartay.

Markii ay Gaalkacyo tagtay-ba, waxaa ay horay ka qabsatay gaari Maarkeet oo markaas taagnaa. Waxaa ay sii socotay-ba, waxaa ay sii istaagtay Boosaaso. Waxaa ay tagtay meelaha dadka laga tahriibiyo markaas ayey ogaatay in aysan ku filneyn lacagta ay haysato. Maxaa kale oo u yaal, soo in a shaqeysato ma ahan, oo ay soo aruursato lacag gaarsiis? Yamen. Waxaa ay raadsatay shaqo, waxaa ayna si deg-deg at ku heshay shaqo booyaasanimo ah. Waxaa ay ui shaqeyneysey reer ballaaran, oo shaqadoodu cuius tahay, dadkooduna xun yihiin, oo ay kula joogtay dan iyo dul-qaad.

Markii ay 15 beri u shaqeyneysey, ayaa gabdhaha cidda, midi ka mid ah oo heeco ah, inta dahab guriga ka xaddey ku nabtay Raxmo. Caku reerku khayr daranaa inta saqiir iyo j kabiir isugu tageen ayey sidii ay u garaacayeen bakhtigeedii ka tillaabsadeen. Iyada oo meel jikada agteeda ah ku j gamboon, sidii ay u dilayeenna inta ku daaieen weli dul-i taagan yihiin, ayaa waxaa u soo gashey naag deriska ahaydj oo la yiraahdo Aamino. Markaasey aragtay Raxmo oo miyir beeshey, jirkeeda meel kasta dhiig ka da’ayo, oo cawrada keliya ay u dadan tahay. “War maxay gabadhaani galabsatay oo aad sidaas ugu disheen” ayey qoyskii oo dhan oo meesha xoonsan ku tiri. “Walaaley waa tuugo reer Xamar ah oo Rabbi iyo Islaamba ka furatay, oo shaqaale ahaan noogu joogtay, waxaa ay xaddey Katiinad aan shan bil ka hor ka soo bixiyey 100 Dollar” ayey ku jawaabtay, islaantii guriga lahayd. Aamino oo la yaabban qaddarka lacageed ee ay dhiiggaas qaaliga ah ku bannaysanayso ayaa ku tiri “Walaalley aniga ayaa lacagtaas ku siinaya, gabadhaanna kaxeynaya”. Seyte “Haddii aad lacagtaydii isii naysid, wataase iga kaxee muuqeeda, balaaya ha dhifsatee.”

Aamino iyo gabdhaheedii naxariista badnaa ayaa Raxmo tunka soo saarey, waxaa ayna geeyeen Isbitaal, si fiican ayey u daweeyeen, markii ay roonaatayna gurigoodii inta keeneen, ayey inta baanteen ha dhicin ha jabin la haayeen.

Raxmo, markii ay ka soo bad-baaddey tuugadii jidka u gashey, aad ayey ilaahey u aamintay, waxaa ayna ogaatay in ay ilaahey mooye e, aysan cid kale u baahneyn. Cakuse hilmaan, waa illowsaneyd ducadii ay ku fakan jirtay, markii ay soo weerarayeen arxan-laawe-yaashii isma dhaantada ahayd ee halka meel ku wada noolaa. “Oo kaaley ilaahey ma difaaca bes baa loo wacdaa, soo qaaddir wax walba addoonkiisa u awooda ma ahan, maad baridid, oo dulmigaas laguu geystay Ilaahey – kolley wax ba kama qarsoonee – u sheegtid?” ayey maanka iska tiri.

Raxmo waxa ay u yeertay islaantii naxariista badneyd ee u booga dhayeysey. Waxaa ay ku tiri “Hooyo Aamino, marka hore, Ilaahey ha kaa abaal-mariyo asxaanka aad ii sameysey kolley anigu ma gudi kare e. Marka xiga dadka Boosaaso deggan haddii aadan ku jiri lahayn, cuqdad ayaan u qaadi lahaa, laakiin adiga ayaa iga masaxay. Midda kale, haddii uu calafku gacantayda ku jiri lahaa kaama ag-fogaadeen, oo ishaada naxariista leh ayaan duggaashan lahaa. Waxa kale oo aan kuu sheegayaa, in aniga iyo Ilaahey xiriir fiican uu naga dhaxeeyo, kuwaas caawa ayaan u khilaaweynayaa, waxaana kala caddaan doonta waxaa ay sheegayeen in ay been tahay iyo in ay run tahatay.”

Aamina oo hadalka Raxmo aad u dhageysaneysey ayaa ku tiri “Hooyo, aad baad u mahadsan tahay. Hooyo runtii laftaydu dulmigaas qeyb ayaan ka ahaa, sababta oo ah, ciddaas aan deriska nahay, si wanaagsan ayaan u aqaannaa, gabdhaheyguna waa ii sheegeen in aad u shaqeyneysey. Waxaa ay ahayd in aan kuu sheego ciddaas xumaanteeda, oo inta aysan waxaan ku soo gaarinba aad ka tagto. Waan se kugu fiirsadey in tii uu dhibkaani ku soo gaarayey” iyada oo u sii raacisey “Hooyoy iska dhaaf, iska cafi, wixii aad u baahan tahayna aniga i weydii, haddii aad guriga joogeysid gabdhahaygaas ayaad la mid tahay, haddii aad Xamar iyo reerkiinnii ku laabanaysidna, aniga ayaa ku amaba-bixinaya.” Raxmo oo ilmo ku soo joogsatay ayaa mar labaad ku celisey ammaanta Hooyo Aamino, laakiin waxaa ay ka dhega adeygtay cafiska reerkaas.

Raxmo waxaa ay bilowday isla habeenkiiba khilaawo. Ilaahey oo ay aamintay ayey kor-iyo-hoos u baridey. Sidii ay u fadhidey oo marna inta soo xasuusato arxan-daradii reerka u ooyeysey marna Alle tuug ugu jirtay ayaa waagii dhag yiri. Ilaahey waa hore ayuu ballan ku qaadey in uu duimanaha ducadiisa aqbalee, reerkii Raxmo dhibka u geystay ayaa xalay saq dhexe lagu dhex dhacay! Middii nabtay beerkaa looga soo booday, islaantii amarka jir-dilka bixisay madaxa ayaa laga galay, odaygii cidda ee mufsidka ahaa ruuxaan baa ku degtay, carruurtii shuban iyo daacuun baa ku dhacay, kuwa jinni oo qaraabada ahaa oo reerka la joogay, oo Raxmo meel laga dhigo la waayey dharka ayey dhigteen. Saqda dhexe habeenkii ilaa salaaddii subax reerkii qeylo iyo bulaanbaa ka yeerayey la garan waayey waxaa uu yahay!

Aamina oo jibaadkaas yeerayey ilaa xalay la yaabbaneyd, ayaa subixii ku kallahdey reerkii, mise waa reerkii oo wada daadsan. Aamino waa fahantay meesha reerka laga galaye, deriska oo dhan ayey isugu yeertay, waana la isugu soo baxay. Reerkii oo il goon ah wada taagaya ayey ku tiri “Walaalayaalow, waa natiijadii dulmigii aad u geysateen Raxmo e, yaa haya Siliskii Dahabka ahaa ee Raxmo lagu nabbey, si aad caafimaad u heshaan?”. Gabadhii nabtay Raxmo oo iyadu ugu darneyd ayaa tiri “Alle eeddo Aaminooy aniga ayaa qaadey, boorsadeyda ayuuna ku jiraa, ee nabarka igu taagan ha iga sii deyso, waan ku baryayaaye,” Siliskii waa la soo bixiyey, markaas ayuu caddaadey dulmigii lagu sameeyey Raxmo.

Raxmo ayaa loo yeerey oo laga codsadey in ay reerka tahaliiliso, laakiin waa diiddey ilaa ay dhiiggeedii bixiyaan. Isla markiiba, inta culimo loo yeerey ayaa xaqeedii la simey. Geel baa inta lagu simey ayaa isla markiiba lacag caddaan ah loo beddeley, markaasaa isla saacado gudahood lacagtii loo tiriyey. “Masha Allah, lacagtu badanaa” inta niyadda iska tiri, ayey biyo inta soo qaadatay ku tuftay erayo duco ah oo ay ka mid ahaayeen “Allow hadda raalli baan ahay, xaqeygiina waan helay, waana cafiyee iska dhaaf”. Tahaliishii ayey inta gacanta ku shubtay ku fir-dhisey gurigii iyo reerkiiba, markaasaa hal mar laga wada fuqey reerkii dhammaantiis.

Markii ay miyirsadeen ayey inta istaageen Raxmo dhunkasho ku wada bilaabeen, jilbahana qabsadeen, silsiladdii dahabka ahayd iyo kuwa kale oo ay ugu dareenna qoorta u suureen, iyaga oo ku xoonsanna ku barooranayeen “Alle walaaley naga raallo ahow”. Cafi Alle iyo masaamax ayaana lagu kala tagay, iyada oo Raxmana Alle aamin kale halkii ka sii qaadday, reerkiina aadaab iyo in aysan qof dambe fara-gashan ka qaadeen.

Aamino iyo Raxmo ayaa gurigii isku raacey, waxa ayna Raxmo hooyadeedan cusub u sheegtay in ay doonayso in ay tahriibto oo ay Yaman aaddo. Aamina oo la dhacday Raxmo wanaaggeeda, nadiifsanaanteeda iyo awliyanimadeeda, oo niyadda ka jadaysatay in ay xidid iyo xigaalanimaba qoyskooda ku soo biirto, ayaan la dhicin tahriibkeeda, waxaa ayna ka codsatay in ay la joogto. Laakiin Raxmo oo uu hadafkeedu meel ahaa, waxaa ay jeclaysatay in ay baxdo. Markii dambe Aaminana waa ku waafaqdey, waxaa ayna u soo bixisey lacag kuus ah, taas oo muran iyo dagaal dheer kaddib, Raxmo ay qaadatay. Raxmo dahabkii la siiyey oo ay lacag u baddalatay iyo lacagtii xaqa ahayd iyo tii Aamino siisey-ba, qaarna qoyskeedii ayey u dirsatay qaarna faraqa inta ku xiratay ayey ku tahriibtay.

Raxmo, inkasta oo ay dhib kala kulantay tahriibkii, oo inta doontii baddii kaga hallowdey saddex habeen ku jireen, ayey markii dambe si nabad ah xeebta Mukalla uga dagtay. Markii ay birriga ku degtay ayey sideedii Alle uga baridey in uu Safarka Yamen dhexdeedaa ah u fududeeyo. Meeshii bey daf ka tiri, waxa ayna sii istaagtay Xeradii Qaxootiga ee Madiinatu Shacab, oo Cadan ku taallay. Waxba kuma raagine, inta Cadan gaari ka raacday ayey Sanca cagta sii dhigtay, Qasadkeedu waa Sucuudiga, laakiin Alle waxa uusan kuu qaddarin kuuma ahaanaysee, ducadiina waa la halmaansiiyey, si kasta inta yeesheyna, Sueuudigii cagta waa saari weyday. Markii ay xudduuda gaartaba dib ayaa Yaman loogu soo celiyaa. Si kasta markii ay inta sameysey jaan iyo cirib dhigi weyday Sucuudiga, ayev dani ku kalliftay, in ay Yamanteeda iska joogto, oo ay adeegto ka noqoto guryaha Yamaniyiinta.

Adeegto-nimada Yaman, lagama helo lacag badan oo lagu caawin karo dadka Soomaaliya jooga sida midda Sucuudiga oo kale. Sidaas darteed, waxaa ay noqotay, waxaa ay ka hesho adeegto-nimada in ay nolosheeda asaasiga ah ku maareyso. Inta badan nolosha Waalidkeed iyo kan wiilkeeda wax badan kama war-qabto, iyaguna kaina war hayaan xaalka Raxmo, oo danta ayaa taas keentay iyo daruufaha adag ee qolo walba meesha ay joogto ku haysata. Adduun iyo xaalkiisa dheh!

RAXMO IYO GUURKEEDII LABAAD

Raxmo waxaa ay joogtay Yaman muddo dheer, gaar ahaan magaalada Sanca ee caasimadda waddankaas. Waa gabar u soo dhooftay in ay dadkeeda wax tartee, waxaa ay isku dayday oo wakhti badan gelisay, in ay dhan uun u dhaafto waddankaan aan waxba laga kororsan karin, laakiin waayaha iyo wakhtigu uma saamixin, waxaa ayna dantu ku dabartay in ay iska dhex joogto Yaman.

Haddii ay Raxmo dhaafi weyday Yaman, oo ay joogtay muddo 15 sano ah, intaasna ay ku nooleyd wel-wel iyo wehel la’aan, waxaa u soo baxday, in haddii adduunkii sida ay rabtay ay ka heli weyday, ay markaan iska guursato, ayna raadiso nin ay nolosheeda inta ka hartay la qeybsato. Inkasta oo ay guurkii Dhimbil ka qoomameyso, misena waxaa ay aamintay, in rag wax walbaale yahay. Waxaa ay maanka iska leedahay “Bal nasiibkaaga mar kale tijaabi, nolashaan kelida ahna isaga bax”.

Marka ay guurkaas soo hadal qaadda-ba, oo ay is tiraahdo yaad guursataa, ayaa waxaa ku soo dhacda Aamina iyo qoyskeedii, oo haddii ay qoys ka mid noqon lahayd uu ahaa key ugu jaelaan lahayd. Mar ayeyba damacdaa in ay inta wacdo Aamino ay ku tiraahdo “Hooyo wiil ciddaada ah ii raadi”, laakiin ma iyadaa taqaan lambar laga helo, tabarna u haysa raadinteeda. Haddii xitaa ay raadin lahayd, maba ogaba in ay Aamino ka guurtay Boosaaso oo ay Garoowe degtay. “Allow yaa qof ay Aamino ehel yihiin calaf kuugu dara, Allow yaa adiga oo saan dhaama Aamino ku soo hor-istaajiya,” ayey marar badan ku duceysataa.

Sidii ay calaf sugto u ahayd ayaa waxa ay is-barteen nin isna meesha ku daaley, oo Yaman isna dhanna u dhaafi waayey, oo xitaa bakhtiya-nasiibkii (Loterry) Mareykanka marar badan ku hungoobey. Waxaa uu ahaa doob weynaadey, oo la yiraahdo Nuur Sheywaal, waxa uuna Yaman joogey ilaa 18sano, oo uu markii dambe ka ahaa macallin tuulooyinka Yaman mid ka mid ah.

Muddo dheer oo haasaawe dhex marayey kaddib, waxaa ay isla garteen in ay is-guursadaan, oo ay nolosha – inta ka dhimman – wadaagaan, waana is-guursadeen. Raxmo, iyada Faarax ayaa u jooga, laakiin Nuur Sheywaal waa markii ugu horreysey ee uu xaas yeesho. Waxaa Nuur guurka ka daahiyey, waxaa uu jeclaa marka uu lacag helo in uu guursado, laakiin waxaa uu is-arkay isaga oo aan iacagna helin, timihiina cirroobeen. Waa ay is-guursadeen, nasiibkoodana, waxaa ay isku dhaleen afar carruur ah oo isku-nuug ah, ilaa iyo haatanna, waxaa ay ku nool yihiin nolol fudud oo u dhadhameysa.

Marar badan ayaa Raxmo waxaa ay dareentaa, in ay si un isugu eg yihiin Nuur iyo Dhimbil, haddana waxa ay aragtaa in aysan isku ina-ayo ahayn. Marar badan oo ay damacdey in ay weydiiso, in ay isku eg yihiin ninkeedii hore-na, waxa ay ka cabsatay in uu cuqdad ka qaado, oo waxaa ay horay u maqashey, in aan ninka ku qaba looga sheekeyn guurkaagii hore iyo ninkaagii hore toona, sidaasna isaga aamustaa.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Nuur isagu weydiiyey guurkeedii hore, maadaama in ay guur soo martay ay u sheegtay, isna u sheegay in uusan weligiis guursan. Xoogc ayey aamustay, xasuus dheer iyo rafaadkii guurkeedii hor ayey dib-u-milicsatay. Cabbaar haddii ay fekereysey, aye wax ay u sheegto garan weyday, waxaa ayna hadal oo dhs ugu soo koobtay “Walaal, kaasi luggooyo ayuu ahaaye, isoo xasuusin”. Inta fiiriyey, oo arkay maankeeda oo taga iyo indhaheeda oo iimo soo buux-dhaafisay, ayuu inta naxey hadalkii dhan kale u qaadey, oo mowduuc kale galey.

Raxmo, horay bay waaya-arag u noqotay, Nuur-na ni wanaagsan buu ahaaye, waxaa uu barey abtirkiisa o* dhammaystiran, qoladiisa iyo deegaanka uu ka soo jeedoi Waxaa uu sidaa oo kale uu kala barey walaalihiisa ay isku aabbaha yihiin magacyadooda iyo meelaha ay ku kala nool yihiin.

Isla sidaas oo kale, ayaa waxa uu u sheegay in ay jiraa walaalo aysan isku aabbe ahayn, laakiin hooyadiis dhashay. Waxa uuna si fiican ugu faah-faahiyey walaalahaas, isaga lahaa “Nin waxaa la dhahaa Samatar Axrned oo halkaas iyo qaxootiyada Keenya  ayuu jiraa, islaan waxaa la dhahaa Safiy Axmed oo Xamar ayey deggan tahay, islaan kalena waxaa la yiraahdaa Aamino Axmed oo hadda Garoowe ayey deggan tahay.”

Magaca Aamina marka ay maqashey waa faraxdey, oo Aaminadii degganeyd Boosaaso ayey u malaysey, laal Garoowaha dambaa farxaddii ku celiyey.

Raxmo, mar mar ayey is-tiraahdaa “Allow maxaad Nuur iigu soo hormarin weyday?”, waxaa ayna la dhacsan tahay, sida uu u jecel yahay, sida uu u daryeelo, sida uu u xanaaneeyo, dun-waanaaggiisa iyo sida uu waalidkeed u ciseeyo oo uu ula hadlo mar walba. Waa gob nasab ah oo ilaahey baray hab-dhaqanka qoyska. Jacaylka, naxariista, dabacsanaanta, dul-qaadka, wanaagga, deeqda iyo xoog-furraanta qof ku dhan weligeed Raxmo ma aysan arag. Mar mar ayeyba Aamino ku soo dhacdaa, marka ay aragto hab-dhaqanka Nuur. Waxaa ay Raxmo u baxsatay Nuur magaca “CIIL-TIRE’, oo ay ula jeedday, in uu hilmaansiiyey tiiraayooyinkii iyo utumihii uu ku reebey guurkeedii hore. Hadda niyadda ayaa u dhisantay, waxaa ayna ku nooshahay nolol dhadhan leh oo aysan weligeed hore u soo marin, waxaana gadaal u soo laabtay dheeheedii iyo dhuuxeedii.

Dhanka kale, Raxmo waxaa ay aad uga fekertaa aragtida wiilkeedii Faarax ee ay ku curatay, misena aysan il ka qaadin muddo 20 sano ah. Waxaa ay ka fekertaa noloshiisa iyo mustaqbalkiisa, maadaama uu ku nool yahay waddan burburey, lana nool yahay awoowe iyo ayeeyo aan waxba haysan, iyaduna aysan u hayn wax-tar iyo wax-dheef ay aayihiisa ku tabantaabiso. Mar kasta oo ay xasuusato wiilkeeda, oo ay aragto in aysan wax kale u qaban karin, ayey u duceysaa in Alle dhibka ka ilaaliyo, kaalmeeyo, Muslimkana aabbe iyo hooyo uga dhigo.

QAYBTA SADDEXAAD

FAARAX IYO NOLOSHIISII

Faarax, labadiisa waalid – Dhimbil iyo Raxmo – waxaa ay kala tageen isaga oo bilo yar jira. Ma helin kool-koolin iyo daryeel waalid, marka laga reebo hooyadiis oo uu la noolaa saddex sano, oo ay markii dambe ku wareejisay awowgiis Qaasim iyo ayeeydiis Nuurto. Hooyadiis waxaa ay waalidkeed ugu wareejisey, kaddib markii ay isku keeni weyday, in ay xannaaneyso iyo in ay caanihiisa raadiso, maadaama ay aabbihiis kala tageen isaga oo aan naaska ka gurin, wax taageero ahna aysan ka helin sidii ay u dhashay.

Faarax, markii uu wax kala gartay ilaa haatan isaga ayaa is dabbarayey, sababta oo ah, waxa uu la noolaa awowgiis iyo ayeeydiis, oo aan waxba haysan. Markiisii hore, nolosha waxaa uu ka bilaabay Baalashle, waxaa uu se goor dambe isku beddeley ganacsade yar, oo gaari gacan ku wareejiya khudaarta. Waxaa uu xiili dambe uga sii gudbay oo uu yeeshey sandaqad bagaashka iyo raacmacaannada lagu iibiyo, oo saarnayd laamiga, meel u dhaw is-goyska Carwo IDKO ee degmada Howl-Wadaag.

Intii uu noloshiisii asaasiga ahayd maareynayey, waxaa uu mar walba la kulmayey dhibaatooyin badan, oo ay ugu darnaayeen kuwii dagaalladii sokeeye ee nooc walbaalaha ahaa ee magaalada Xamar ka aJoosnaa. Waxaa uu marar badan ku waayey ganacsigiisa, oo dhawr jeer ayaa mooryaani ka dhacday miis weyn oo u cammirnaa, isagana ay jir dileen. Marar badanna baad ayuu bixln jirey, oo siin jirey mooryaanta bar-go’a ah, ee ay ka soo qabato. Mar weerar kulul oo ka dhacay bar fa uu ganacsiga ku leeyahay ayaa ka gubay sandaqadiisii. Marar badan oo uu ganacsigiisu hana qaadi lahaaba, waxaa curyaamiyey dagaallada iyo amni- darrada magaalada ka jirtay.

Waxa ugu darneyd, maalin isaga oo sandaqaddiisii iska gadanaya ayaa aga-gaarkiisii laba malleeshiyaad, oo laba qabiil ah isku fara saareen. Waxaa uu ku waabariistay xabbado sandaqaddiisii ka dhex-dusaya iyo maalleeshiyaad; kuwana ay ka soo horjeedaan, kuwana ay ka gadaaleeyaan, oo uu dhexda ku jiro. Kama bixi karo sandaqadda, oo hadda ayey xabbaddu ka ag biif leedahay, oo haddii uu madaxa kor u qaado, waa og yahay in uusan geed dambe goyneyn. Albaabkii inta hoos ka xirtay, oo beerka dhulka saarey ayuu “Allow i bixi” hoos ka gurey. Caku talo-xumo, muxuu albaabka hoos uga xirtay, qolo ayaaba gabbaad inta ka dhigtay sandaqaddii, kuwii kale ka shiishaya, markaasaa sandaqaddii yool soo fuuley. Si gabbaadka kuwa kale looga saaro, iyadiibaa shabaq laga dhigay, markaasey olol bilowday.

Faarax oo dhulka dhabanka ku haya ayaa arkay sanqaddii oo olol la bul-bulle. Soo naftaydey i bixi ma ahan! Hal mar ayaa waxaa wada kulmey, isaga oo albaabkii fag iska siiyey iyo qoladii kale, oo kuwii inta gabbaadkii ka saartay meeshii soo istaagtay. Hal mar ayey qoryihii ku qabteen, iyaga oo u maleynayey in ay kooxdaas is-lahaayeen. Inta gacmaha ka xirteen ayey kaxeysteen. Markii ay saldhigoodii geeyeen, ayey ka doodeen in ay dilaan iyo in kale. Faarax, markii uu arkay kuwa u fara baxsanaya ayuu ku qeyliyey in uusan malleeshiyaadkaas ku heyb ahayn. Kii ugu caqli roonaa ayaa yiri, “War inta aannaan dilin, horta aan wareysanno, oo aan kala ogaanno in uu is-qarinayo iyo in uu qabiil kale yahay.”

Wareysi baa loogu dhaqaaqey. “Yaa tahay?” ayaana looga bilaabay. “Walaalayaalow, waxaan ahay reer Ceeri-gaabo” ayuu ku yiri. Weligood-ba Ceeri-gaabo ma maqale, waxaa ay u qaateen in uu qabiil yahay. “Yuu galaa Ceeri-gaabo?” ayey weydiiyeen. “Walaalayaal, Ceeri-gaabo qabiil ma ahane waa deegaan,” ayuu ugu jawaabey. Midbaa inta qori baadkiisa gafuurka kaga dhuftay ayuu ku yiri “Annagu ma deegaan baan ku weydiiney qabiilkaagaan ku weydiinnee, sheeg waryaa, yaad u dhalatay?”. Inta afka mud-muudiyey oo dhiig iska tufey, ayuu ku yiri “Anigu qabiilkeyga ma aqaan, aabbahay ayaa halkaas ka soo jeeda, laakiin nin awowgey ah oo hooyadey dhalay, oo aan la joogo ayaan u malaynayaa in uu yaqaannee, ina keena aan soo weydiinne e”. “War doofaarka doofaarku dhalay, inoo xir-xira, annaga ayaa ogaan doonna cidda uu vehee” ayuu yiri midi, iyaga oo u wada qaatay in uu malleeshiyaadkii kale ku heyb yahay laakiin is-qarinayo. Sidiibaa gurigii loogu xirtay.

Qof malleeshiyaad u gacan-galey, ma vvaxaad u maiaynaysaa in uu Khayr la kulmayo, sublxiina waa ka foofaan, habeenkiina iyaga oo cabsan ayey u yimaadaan. Cunto uma keenaan, kaadi kama qaadaan, xariggana kama furaan, marka ay yimaadaanna haraati ayey ku salaamaan, waxaa ayna dhahaan “Waryaa Ceeri-gaabo, qabiilkaagii ma soo xasuusatay raise weli xariggaad u sii xiiso qabtaa?”

Isaga oo laba beri meeshii ku xiran, ayaa waxaa yimid mid malleeshiyaadkaan ka mid ahaa, oo waayadan oo dhan maqnaa, laakiin xoogaa dhaamey. Il-miriglahaan yar ayuu

arkay, markaas ayuu inta yaabey weydiiyey jirridii kale “Muxuu yahay wiilkaan yar ee xarigga lagu silciyey?”. Mid ayaa u sharraxey sida ay ku qabteen iyo sababta ay u xireen. “Wasakh wasakh dhashaad tihiin, halkeed ka keenteen in aad dadka silic-dishaan. Dadka ama si sharaf leh baa loo dilaa ama si sharaf leh baa loo daayaa” ayuu si canaan ah ku yiri. Wiilkii ayuu si fiican u eegay, mise waa saqiir il-mirig leh oo aqay, oo dhar la’, oo xargihii jirkiisii dhex-galeen, oo afka iyo jirkuba dhiig ka gobo’ leeyahay. Inta ninkii uu qalbigiisii si kale noqday ayuu Faarax – malleeshiyaadkii oo indhahoodii shan yihiin – xargihii ka jarey. Intaas ugama herine, biyo iyo baad inta u raadshey, ayuu ku qulaamiyey, markaasuu derin inta u dhigay jiifiyey.

Saacado kaddib ayuu inta Faarax toosiyey weydiiyey halkii uu degganaa. Marka uu sheegay ayuu inta kaxeeyey u geeyey dadkiisii, oo sidii ay u murugsanaayeen, oo ay u raadinayeen Faarax, har iyo hoyaad ka tagay. Ehladii iyo Faarax qudhiisii ayaa ninkii si wanaagsan ugu mahad-celiyey asxaanka u soo sameeyey Faarax. Jiifuma yaallee, laba beri kaddibba, Faarax ganacsigiisii ayuu dib ugu laabtay, waxa uuna dib u abaabushey sanadaqaddiisii oo bas-beeshey.

Faarax, waxa kale oo dhib ku hayey cuqdad weyn oo uu ka qabey dhalashadiisa, maadaama uusan aabbihi weligiis arkin, war-iyo-wacaai toonana uusan ka hayn. Waxaa uu inta badan ka warsadaa awoowgiis, isna macluumaad badan kama siiyo, waxa uuna u qaatay in wax loo qarinayo, taas oo shaki kaga abuurtay nasabaddiisa. Dhallinyarada ay isku xaafadda yihiin, waxaa ay mar walba ku xantaan in uu yahay aabbe-laawe, maadaama ay qaarkood horay u maqleen xanta hooyadiis, inta uusan dhalan ka hor.

Mooryaanta baadda, waxaa ay u badan yihiin xaafadda, waxaa ayna og yihiin in uusan lahayn dad yac ka dhaha, uusanna lahayn ehel aan ka ahayn Qaasin iyo Nuurto oo macooyada dhanka hooyadiis ah iyo abtigi Saalax oo isagu curyaan ah, iyaguna tabar ay dad uga celiyaan ma hayaan.

Laakiin misena waxaasi waxba uma dhimaan, oo waxaa uu muujiyaa karti iyo dadaal, waxa uuna u shaqeystaa si xad- dhaaf ah, isaga oo si basaraysanna iskaga bixiya laaluushka daydayda iyo jirrida, si ganacsigiisa iyo noloshiisuba u sii jiraan.

Faarax ganacsigiisii kor buu u kacey, waxa uuna gaarey in uu u baahdo qof kala shaqeeyaa maadaama iibkiisu badan yahay, waxa uuna samaystay gacan-yare kala shaqeeya dukaan-yaraha, oo marka uu soo adeegayo, marka uu howlo yeesho iyo marka uu daalo ka nasiya.

Faarax, maalintii uu ganacsigaan ka soo bilaabayey baalashlaha ilaa iyo hadda, waa loox-jiidanayey, waxa uuna bartay Quraanka Kariimka ah, isaga oo ku xirnaa masaajidyo kala duwan oo uu kutubta ka raacan jirey. Diinta wax badan ayaa uga kordhey, oo waxa uuba gaarey in uu mararka qaar wacdiyo, oo uu dadka kala hadlo Cibaadada, Towbadda, iyo Taqwada. Waxaa uu ahaa nin waxbarasho jecele, maadaama uu hadda ganacsigii kobcey, asuu helay gacan-yare aammin ah, waxaa uu jecleystay in uu Iskool galo, oo uu wax ka kororsado afafka Carabiga, Ingiriiska iyo maaddiga kaleba.

Waxaa uu bilaabay in uu dadka weydiiyo dugsiyada ugu wanaagsan, waxaana loo tilmaamay dugsigii Bukhaari ee ku yiilley Nawaaxiga Laba-Dhagax, (ndha-indhayn iyo ka baaraan-dag kaddib, waxaa uu go’aansadey in uu dugsigaas iska soo diiwaan-geliyo, kana barto luuqadaha Carabiga, Ingiriiska, Xisaabta iyo Sayniska-ba.

Faarax oo ahaa nin aad u fahmo badan, waxaa uu isku mashquulin jirey sidii uu waxbarashada uga soo dhalaali lahaa, sababta oo ah, waxaa uu lahaa hammi ah, in uu aqoonta heer sare ka gaaro. Sidiisa-ba, waxaa uu ahaa wiil fahamka ku darsaday fir-fircooni iyo asluub-wanaag, waxa uuna mar kasta keenaa imtixaanka dhibcaha iyo darajada ugu sarreysa. W’axaa ayna taasi keentay, in uu noqdo wiil dugsiga laga jecel yahay oo qaddarin weyn ku ag leh ardeyda iyo macallimiinta-ba. Sidaas awgeed, fasal kasta oo uu ; dhiganayo waxaa laga dhigaa Kabiir.

Inta uu dugsigaan dhiganayey, waxa ay si gaar ah isku barteen gabar ay wax isla baran jireen, oo la yiraahdo Samsam, oo ahayd gabar aan la quuri karin oo, sharaf iyo wanaag oo dhan Eebbe isugu daray. Waxaa ay ahayd qalanjo qoor ah, oo il-qabad xooggan leh. Indhaha balaca ah, sunniyaha qoran, sanka dheer ee qarooran, dhabannada shuban, bishamaha guduudan, timaha dheer ee jilicsan oo xabbad weynta ah, dhexda madagta ah, gacmaha jalaqsan iyo xubnaheeda toosan aan sinnaba looga jeensan karin. Waxaa ay ku dhalatay Magaalada Xamar, gaar ahaan xaafadda Geed- Jacayl, oo ay well deggan tahay.

Samsam waxaa ay la nooshahay hooyadeed Xamdi oo keligeed ay u dhashay aabbeheed oo ay kala tageen, haatan se uu qabo nin kale oo la yiraahdo Maxamed Cali, oo ah nin Samsam korriinkeeda si fiican uga qeyb-qaatay. Aabbeheed il kama aysan qaadin weligeed, base yeeshee waxaa ayba ka jeceshahay Maxamed Cali oo soo koriyey. Kamana taqaan aabbeheed waxaan magaciisa oo ay ku maqashay “Axmed Samatar” ka ahayn. Xitaa intaas ma dhaafsiin karto, sababta oo ah, hooyadeed ayaaba intaas ka taqaannay, mana wada garanayaan eheladiisa, taas oo Samsam dhib iyo walaac badan ku abuurtay, iyada oo weliba loo sheegay – haddii ay xitaa raadin lahayd – in uu ku geeriyooday dagaalladii sokeeye 1991kii. Markii ay dadku weydiiyaan aabbeheed, waxaa ay sheegataa Maxamed Cali, oo ay ku abtirsataa.

XIRIIRKII FAARAX IYO SAMSAM

Samsam oo in muddo ahba il-qooraad ku haysay Faarax, iyada oo la dhacsanayd quruxdiisa, qaab-dhaqankiisa, wanaagiisa iyo ku fiicnaanta waxbarashadiisa, ayaa si gaar ah u jeclayd in ay wakhti badan la qaadato. Waxaa ay ka codsan jirtay in uu casharrada ugu ceiceliyo dugsiga dhexdiisa, marka ay ardayda kala tagto. Mararka qaar-na, waxaa ay ku ballansan jirtay gurigeeda, si uu casharrada ula diyaariyo. Marka uu guriga ugu tago, waxaa ay u samayn jirtay soo dhaweyn wanaagsan oo ka duwan tan uu ardayda kale ka helo.

Iyada wax baa qub yiri, boohintu orgiga ka weynl Illeen Samsam waxaa dan u ah la joogga Faarax, casharka uu isku dhibayo ka dhaadhicintiisana dan iyo heello midna kama lahan. Inta uu casharka akhrinayo, isaga ayey ku maqan tahay oo maba eegayso buugga inta badan, marka uu soo eego ee uu dhaho “Ma fahantay?” wax buugga fiirinaya ayey inta iska dhigto tiraahdaa “Haah abboowe si fiican.”

Faarax, isaga waxaa ay ka tahay, gabadhaan miskiinta ah ee Soomaaliyeed caawi ee isagu dan iyo heello kama lahan. Waxaa uu marar badan ka codsaday wiilal kale iyo gabdho kale in ay gabadhaan caawiyaan, maadaama uu shaqeysto oo uusan mar kasta firaaq u heli karin, laakiin Samsam qof aan isaga ahayn ma oggola, taas oo runtii marar badan uu la yaabay, laakiin waxaa uu u qaatay in wakhtiga uu siiyo aysan ardayda kale u hureyn, oo sidaas ay isaga u doonayso. Wuu isaga dul-qaataa, wakhti badanna waa siiyaa maalin kasta, isaga oo xilliyada firaaqa uu yahayna xaafaddeeda ugu taga.

Waxaa mararka qaar ka yaabiya, marka uu ugu tago guriga, si uu u soo caawiyo, ayaa waxa uu arkaa Samsam oo si wanaagsan u soo labbisata oo dhar qurxoon oo khafiifa xirata iyo iyada oo isku mashquulisa marti-qaad heer sare ah, oo nin loo xil-qabo loo diyaariyo iyo ashqaal soo dhaweyn ah oo aan caadi ahayn oo uu ka dareemo Xaafadda oo dhan.

Samsam waxaa ay qabtaa dar-daaranka hooyadeed, oo Faarax waxaa ay bartay hooyadeed iyo walaalaheeda oo dhan. Mar kasta oo uu guriga yimaado, hooyo Xamdi si gaar ah ayey u soo dhaweysaa, waxaa ayna tusisaa qaab ka duwan midka uu kala kulmo hooyooyinka asxaabta kale ee uul guryahooda tago. Waxaa ay Xamdi mararka qaar la yaabtaaj sida uu wiilkaani ugu eg yahay ninkeedii hore ee ahaa j Samsam aabbeheed, waxaa ayna mar – inta shakisay -I weydiisay aabbihi magaciisa, markaas buu ugu sheegay, Dhimbil Jaamac, taas oo shakigii ka saartay, laakin haddana waxaa ay aad da yaabban tahay sida uu ugu eg yahay, oo aad mooddo in laga soo jeexay.

Casharkii la iskuba soo dhaaf oo, Samsam waxaa ayba baratay dukaan-yaraha uu ku ganacsado Faarax. Mar kasta oo adeeg yar suuqa looga diro, waxaa ay aaddaa macdaarkii yaraa ee Faarax. Maxaad jacayl ka taqaanaal Xitaa marka ay nacnac soo gadanayso, waxaa ay u lugeysaa sandaqaddaas, iyada oo masaafo dheer sii goysa, min Geed-jacayl ilaa Carwo Idko.

Muddo sannad ku dhaw, oo uu Faarax ka caawinayey Samsam waxbarasho aysan kal-iyo-laab u haynin, ayaa ugu dambeyntii isu baddeshey dhan kale. Muddadaas dheer ee ay wax wada baranayeen, ayna is caawinayeen ayaa waxaa dhan socday kal-gacayl horay u jibaaxay Samsam, isna ay u sheegi weyday, laakiin si un isna ay u galisay. Iyada oo aan u bandhigin Jacaylkii ay u qaadday Faarax, ayaa laftiisa marar badan wax iska weydiiyey Samsam. Waxaa uu ka fekerayey quruxda gabadhan yar, qiimaha ay leedahay iyo fiicnaanta waalidkeed iyo walaaleheed. Waxaa uu la dhacay soo dhaweynteeda iyo qaddarinta ay u hayso iyo weliba sida ay isugu taxalujinayso wanaajintiisa. Waxaa ku soo dhaca dharkii khafiifka ahaa ee ay xiran jirtay oo macdanteeda qaar § ay ishu uga dhici jirtay, waxaana aad maankiisa uga guuxa, qaab-dhismeedka quruxeed ee uu Eebbe siiyey Samsam.

Xilliyadii hore aad ayuu u dhibsan jirey wakhtiga badan ee uu ku bixin jirey oo, qalbigeeda ayuu dhawri jirey oo keliya markii uu casharrada ugu celinayo, laakiin maalmahaan dambe waa saaqmay, waxa uuna jeclaaday in uusan moogaan, isaga oo bilaabay in uu mar walba ka war-hayo, la joogo ama uu waco.

Samsam maalmahaan farxad ayey la joogi la’dahay, waxaa ayna dareentay in ay Faarax wax iska beddeleen waayadan. Haddii ay iyadu mar walba dalban jirtay kulan, maanta isna geestiisa ayuu kulanka ka dalbanayaa. Meelihii cashar isugu celinta lagu mashquuli jirey, hadda waxaa uu xilliga ugu badan ku baxaa sheeko Jacayl oo midba markiisa soo tuurayo, waxa uuna midba midka kale ka af-gobaadsadaa in uu la hormaro “Waan ku jeclahay”.

Faarax, dhib hore oo uu shukaansi gabar kale kala kulmey, hadda ma dareemo, oo erayo soo jiidasho leh oo uu dhaho ma waayo, hadaikuna kuma xirmo, aad ayuuna ula yaabaa sida ay isaga iyo Samsam isugu baxayso.

Samsam ka hor, gabar uu isagu ka helay, oo uu kor ka bartay ayuu damcay in uu shukaansado. Is araggii koowaad oo meel dariiq ah oo ay ku kulmeen ka dhacay, waxaa ay ku ballimisay goor barqo ah, gurigeeda oo buuq yaraa, oo ay iyada iyo hooyadeed oo suuq-Iey ah ku noolaayeen. Sidii ay ballantu ahayd, waxaa uu ugu tagay guri cidla ah oo ay gabadhaasi keligeed joogtay. Qolkii fadhiga ayey wada fariisteen. Markii ay isa salaameen ayuu wax uu u sheego aqoon waayey iyo meel uu hadalka uga bilaabo. Gabadhii waa ka soo horjeeddaa, oo sheekey ka sugeysaa, isna waa aamusan yahay oo wax uu sheeguu garan ia’yahay. “Talow, sheeko xariir ma uga sheekeysaa, oo sheekooyinkii dhurwaa iyo dawaco dabada ma u qabtaa!” ayuu mar is yiri, laakiin haddana ceeb ayey la noqotaa arrintaas. Isaga oo weli isla hadlaya, ayaa gabadhii inta la hadashay ku tiri “abboowe maad hadashid”. Ma aamus baa u yaal hadda! Waa fekerey, markaas ayuu wax uu sheego inta garan waayey – wadaad buu ahaaye- wacdi Alle kacabsi ah u jeediyey. Markii uu wacdigii dhammeeyey ayey tiri “Shiikh khayr Allaha ku siiyo”, waana la kala tagay.

Markii uu ka baxay ayuu xanaaq cunihii is gooyey. “Maxaa gabadha maanta aad fursaddii la ogaa ku heshay wacdig ugu jeedisay? Maxaad sidaas iyo sidaas aad u dhihi weyday- Maxaad erayo jacayl ugu sheegi weyday? Maxaad uga sheekeyn weyday sheekooyin hallaasi ah oo caashaq? Maxaa kugu dhacay” ay uu isku haaraamay. “Saaxiib sidaas ha ku harm, ee waa guri-joog oo meel kale aadi maysee berri ku garaac guriga, oo gabadha meel saar” ayuu inta iskula sheekeystay, go’aan ku gaaray in uu berri xaafaddii ugu tago.

Isla maalintii xigtay ayuu mar labaad gurigii ugu tagay, oo inta gurigii ku garaacay, oo laga furay la fariisiyey halkiisii, lagana soo hor-jeestay. “Balo tani ma Libaax baa! Maxaa hadalka kugu dhejiya marka aad aragto” ayuu inta hoos iska yiri, sidii oo kale u barriiqdey, mar kale. Waddadiisii ayuu misena maray, oo waxaa uu jeediyey wacdi. Laakiin waxaa uu ku fiicnaa, mawduucii hore waa ka leexdey, oo mid kale ay uu u saaray, si uu wacdigu laftirkiisu xiiso u yeesho. Waxaa uu u jeediyey wacdi quseeya cibaadada. Markii uu dhammeeyey ayey tiri “Shiikh, Wallaahi Shiikh fiican ayaad tahay. Weligay ma arag shiikh kaa mutadawacsan oo xitaa inta guryaha taga, dadka khayrka iyo wanaagga u sheegaya. Shiikhow waxa aan kaa codsanayaa in aad berrina timaaddo, si aan khayrkaan uga faa’iideysanno.” “Waa yahay” inta yiri, ayuu isaga oo aan qanacsaneyn iska tagay.

Markii uu soo baxay ayuu habaar is-kala daalay. Waxaa uu qaatay buug iyo qalin, waxa uuna qorey sidii uu uga faa’iideysan lahaa jaaniska berri ah, ee ay gabadhu ugu yaboohday, oo uu danta uu leeyahay ugu sheegto. Maanta talada iskuma keli yeeline, akhyaar kale oo ay isku dhawaayeen ayuu la tashadey, markaasaa si fiican looga dherjiyey qaabka iyo sida uu ugu sheekeyn lahaa iyo waxaa uu kala hadli lahaa gabadha uu rabo in uu xod-xoto.

Markaan waa dhaarsan yahay waana diyaarsan yahay, waxa uuna soo sameeyey naqtiin badan, isaga oo muraayado inta soo hor~istaagey isa soo tijaabiyey. Isaga oo saan-qaabinaya, inta uu socdayna isla soo sheekeysanayey ayuu gurigii inta yimid soo garaacey albaabkii. Inta gabadhii ka furtay ayey qolkiisii fadhiga soo gelisey, mise waxaa fadhida 20 gabdhood oo ay u yeertay si ay wacdiga shiikha ula dhageystaan. Inta fariisisey, oo cabbitaan ay u diyaarisey u keentay ayey tiri “Shiikh noo bilow wacdiga”. Muxuu sameeyaa! Waxaa uu ilaa shalay oo dhan soo diyaariney oo xalay oo dhan xafidayey meeshaan kama soconayaane. Waa la xumaatay in uu wax kale sameeyee, meeshii ayuu wacdigii ka jeediyey, waxa uuna jeediyey wacdi laga raaqsuudey, isaga oo ka hadlay raowduuc isagaba ku cusbaa oo ku saabsanaa qaabka uu islaamku u jideeyey hannaanka shukaansiga iyo faa’iidada uu guurku leeyahay.

Inkasta oo uusan saddexdii maalmoodba khasaarin, oo uu ajar gurubsanayey, haddana waxaa uu aamisanaa in uu fashilmey. Maalintaas ayaa gabadhaas ugu dambeysey, dib dambena gabar uma shukaansan aan ka ahayn Samsamtaan ay hadda isugu baxday.

Faarax iyo Samsam kulamadoodii waa iska socdeen, waxaana joog hoose ku socday jacayi midba gaarkiisa ugu sii faafayey, laakiin afka laga dhihi la’yahay. Markii in muddo ah la wada socday, ayaa maalin maalmaha ka mid ah iyaga oo ay u socotay sheeko hallaasi ah, waxaa ka soo yeertay afka Samsam “Abboowe Faarax waan ku jeclahay”. Inta ay isku yax-yaxday ayey mar labaad tiri “Waan ka helaa la jooggaaga, ayaan abboowe ka waday”. Faarax oo jamasho darteed is-hayn waayey, hadalka ka soo baxay Samsam awgiis ayaa si hal-haleel ah ugu jawaabey erayadan:

Samsameey ayaamahan Wax unbaa I saaqoo Dhiiggeyga siqayee Garan waayey saan ahay Sambabadiyo laabtiyo Sirwareegga dhiiggiyo Saableyda idilbaa

Sidaan rabey ahaynoo Si kale u howl-gala Markii aan su’aashiyo Is-weydiiyey sababtaas Si aan kuugu sheegaan Ka sarriiganaayee Sifadii Jacaylkuu Suuradiisa ila yahay

Samsam oo la dhacday crayada kal-gacalka leh ee ka soo burqanaya Faarax, oo uu ku muujinayo dareen-jacaylkiisa ayaa iyaduna la soo boodday erayadan, oo ay Faarax ugu sheegayso in iyada sannad ka hor waxaa uu hadda ka hadlayo ay galeen. Waxaa ayna tiri:

Aniguba sarbeebtaan Samanadanba kugu wadey Waxay ahayd su’aal furan Sannadkii na dhaafaan Saaqaas aan dareemee Soo dhawoow sidkeygow

Markii uu si cad midba mid kale ugu muujiyey dareenkiisa jacayl, ayey inta isku soo boodeen labadoodii midba kan kale shummis ku boobay, Halkaas ayaa waxaa uga bilowday Jacayl markaan la isla og yahay, oo qof ba qof ka kale uu ku tashado.

Qoysaska Samsam iyo Faaraxna waxaa ay dareemeen wada- socodka carruurtooda, waxaa ayna la wada dhacsan yihiin xiriirkooda, farxadda ay isku qabaan iyo dareen-jacayl- wadaaggooda. Setimaanba xaafad ayey casuumaad ku leeyihiin, waxaa ayna labada reerba isku og yihiin Faarax iyo Samsam, iyaga oo u rajeeya guul iyo aayatiin fiican, waxaa ayna kula taliyaan in ay noqdaan lammaane isku yool noqda, marka ay waxbarashada dhammaystaarma, samaystaan qorshe mustaqbaleed.

Faarax iyo Samsam, markii ay dhammaysteen waxbarashadii ay ka wadeen dugsigii Bukhaari ayaa waxaa ay go’aansadeen in ay dugsi sare iska soo diiwaan-geliyaan. Nasiib-darro, markaan isku dugsi ma dooran, ee mid walba kuu is lahaa waad ka bixi kartaa ayuu aaday. Faarax waxaa uu aaday dugsiga Al-mathal oo markaas maadooyinka af-Ingiriis lagu qaadanayey, haika ay Samsamna aaday dugsiga Imaamu- Shaafici, oo markaas isna maadooyinka lagu baranayey af- Carabi oo ay Samsam ku fiicnayd. In kasta oo laba dugsi la kala aaday, haddana dhanka maadooyinka aan la iska wada caawin karin, laakiin jacaylkii Samsam iyo Faarax waa uu sii laba lixaad-saday, waxa uuna cagta saarey waddadii caddayd.

Faarax waa nin mar walba ku wanaagsan dhanka waxbarashada, misena dabeecad miisaaman leh, markii uu galay dugsiga Al-mathal, waxaa fasalkiisii loogu doortay kaabbe-galaas. Waxaa uu markaan qaadanayaa maadooyin fara badan, ardayduna waxaa ay isugu xir-xiran yihiin koox- koox, si ay u kala faa’iideystaan, oo midba maaddada uu ku fiican yahay uu ardada kale uga faa’iideeyo.

Faarax iyo qoyskiisii oo u soo guurey xaafadda Taleex ayaa waxaa ay is-barteen laba gabdhood oo ay isku fasal ahaayeen, oo la kala yiraahdo Sowda iyo Nasiib, oo kala degganaa xaafadaha Lambar Afar iyo Buulo-Xuubey. Labadan gabdhood ayaa waxaa ay ahaayeen laba gabdhood oo waxbarashada ku wanaagsan, waxaa ayna ista garteen Faarax, in ay casharrada wada nakhtiintaan, maadaama deegaan ahaan isku dhaw yihiin. Faarax waxaa uu bilaabay in uu labadaas gabdhood xiriir waxbarasho oo joogta ah la sameeyo, iyaga oo hadba guri ku ballama. Laakiin inta badan waxaa lagu ballami jirey guriga gabadha Nasiib la yiraahdo ee deggan xaafadda Buulo-Xuubey, maadaama uu gurigaasi ahaa meel firaaqo badan.

Nasiib waa gabar dhuubo-weyd ah, oo aad u qurxoon, oo midab xariir ah leh, dabeecad macaan, kuna fiican dhanka waxbarashada. Waxaa intaas u dheer, in ay tahay qof mas’uuli ah oo reerkooda oo dhan aad looga dambeeyo, misena aad ul aragti dheer. Waxa ay ku dhalatay xaafadda Buulo-Xuubey, ] oo ay haatan deggan tahay, iyada oo ku soo kortay rajo-j nimo, oo hooyadeed iyada oo sannad iyo goo go’ jirta ayeyj dhimatay, aabbeheedna ma xasuusato, oo iyada oo aan ku caqliyeysan ayuu Xamar ka qaxay. Magaciisa oo j dhammaystiran ma taqaan, mana garanayso meel uu jiro/i wax oga warramana ma aysan arag, eheladiisa iyo dadkiisana j waxba kama taqaan. Waxaa ay sheeko ahaan ku maqashaa, in ] uu aabbeheed Keenya jiro, taas oo uu u sheegay nin ay deris ] ahaayeen, oo soo arkay markii uu Xamar ka baxayey, isaga j oo gaari dhakada ka fuushan.

Nasiib waxaa soo korsadey abtigeed Waayeel oo, hooyadeed j markii ay dhimatay nolosheeda dammaanad-qaadey. Abtigeed curruurtiisa waa uu ka jecel yahay, mana cuno] cunto isaga oo aan hubsan in raashin la siiyey Nasiib, oo ay j dharagtay. Inta badan waxa uuba jeclaa in uu la cunteeyo, si uu isagu gacantiisa ugu siiyo badarka. Waxaa uu ka cabsan] jirey in ay Nasiib Rajo-nimo dareento, oo ay cuqdad qaaddo, si aysan taas u dhicinna, gacantiisa ayuu wax ku siin jirey, intii ay yareyd oo dhan. Nasiib-na, aad ayey u jeceshahay abtigeedaas baarriga ah, waxaa kale oo ay aad u jeceshahay dhammaan abtiyaasheed iyo habaryaraheed, oo ay xiriir la] wada leedahay, marka laga reebo habaryarteed Xamiido, oo iyadu u qaxday Keenya, oo haatan Xagardheer ku sugan oo ay j mar-mar dhif ah wacdo.

Waxaa magaca Nasiib loogu bixiyey, hooyadeed oo uurkeeda j leh, oo sagaal bilood ah, ayaa gaari jug xun gaarsiiyey, iyada j oo isla markiiba dhiig baxday, waxaana loo qaatay in ilmaha ay uurkeeda lahayd dilmeen, laakiin nasiib wanaag, waxba ma gaarin, waxaa ayna dhashey maalmo kaddib gabdhaan oo j caafimaad qabta, sidaas ayaana Nasiib loogu bixiyey.

Faarax, haddii uu ka aqoon badnaa Samsam oo uu caawinj jirey, hadda waxaa u soo baxay laba gabdhood oo fahmo badan, oo ay ugu darneyd Nasiib. Maadaama uu isagu inta badan ku mashquulsan yahay ganacsigiisii, waxaa uuna markaan aad ugu baahday labadaan Gabdhood – Nasiib iyo Sowda, maadaama iyagu waxbarashada keliya ku mashquulsan yihiin, isla markaasna aad ugu fiican yihiin. Waxaa ay noqotay, in uu mar walba waco, xiriirkoodana uu joogteeyo, marka uu firaaq helana tago guriga Nasiib ee lagu wada kulmo waxna lagu wada akhristo.

Muddo kaddib, waxaa la guursaday Sowda iyada oo aan dugsigii sare dhammaysan, waxaana soo doonay, oo guursaday will ina adeerkeed ah oo ku nool waddanka Mareykanka. Halkaas ayeyna waxbarashadii uga hartay, kuna noqotay marwo reerkeeda dhaqata. Markii la guursaday ayey maalin marti-qaad u samaysay Faarax iyo Nasiib, waxaa ayna kula dar-daarantay in ay waxbarashada dhammaystaan, maadaama ay fursad haystaan. Waxaa ay kula kaftantay, in ay – maadaama laba qof oo wanaagsan yihiin – xiriirka waxbarashada ma ehee mid kalana sameeyaan, oo ay aayo- vvada-samaysi ka fekeraan. Faarax ayaa inta fiiriyey Nasiib, isaga oo madaxa u ruxaya hadalka Sowda, isla markaasna dhoollacadeynaya ku yiri “Wallaahi Sawdo waa talo fiican”.

Hadda waxaa isku soo harey Faarax iyo Nasiib, oo halgankii waxbarashada halkaas ka sii waday, iyada oo inta badan Nasiib ay ka caawin jirtay Faarax – oo kasho la’aan badan haysatay – dhanka waxbarashada, waxaa ayna ugu soo celin jirtay wixii dhaafa maalmaha uu ka maqan yahay dugsiga. Xitaa mararka qaar waxaa ay ugu tagi jirtay dukaankiisa iyada oo u geyn jirtay buugta casharradu ku qoran yihiin, si uu uga guursado. Mar marna, iyada ayaa buugtiisa inta qaadda u soo guurin jirtay. Runtii si bini-aadaminimada ka sarreysa ayey Faarax dhanka waxbarashada uga gacan-siisey.

Faarax waxaa uu quuri waayey Nasiib. Waxaa uu u arkay gabar dhan kasta ka wanaagsan. Wraxaa uu arkay himilada ay tiigsanayso iyo mustaqbalka ay leedahay. Waxaa uu eegay abtigeeda soo koriyey iyo dadka ay qaraabada yihiin ee ay la nooshahay, sida ay qiimiga badan agtooda uga leedahayj Waxaa uu la yaabey mas’uuliyaddeeda iyo meeqaamkeed sare iyo xumaan-ka-fiicnaanta Alle ku mannaystay. Waxa ku soo dhacay hadalkii Sowda, markaas ayuu maanka iska yiri “Waa adduune, gabadhaan maad xiriir kan waxbarashada ka duwan la samaysid”, isla markaasna maankiisu kama marnayn xiriirkiisii Jacayl ee kala dhexeeyey Samsam. Waxa uuse is-kula taliyey “Calafka Allaa garan meesha uu ku jiree, bal xiriirrada badi, oo ku dar Nasiibna xiriirkaaga caashaq”.

Nasiib, xiriirka waxbarasho ee kala dhexeeya Faarax aad ayey ula dhacsan tahay, waxaa ayna u aragtaa in uu yahay halyeey mustaqbal fiican leh, oo runtii waxbarashadeeda iyo dadaalkeeda qeyb muhiim ah ka qaata. Waxaa ayba aaminsan tahay, haddii aysan heli lahayn Faarax, in aysan dhibcaha sare ee ay ka keento imtixaanka aysan hesheen, xiisaha waxbarshada ay u haysana uusan fiicnaadeen. Maskaxdeeda waxaan waxbarashada ahayn kuma soo dhacdo, Faaraxna waxaa ay u taqaan walaalkeed oo kale.

Marar badan ayaa abtigeed Waayeel u dhabba-geli jirey saansaanka Faarax, waxa uuna dhawr jeer ula ekaadey Nasiib aabbaheedii ay Jaamac Axmed u yaqaaneen. Laakiin Nasiib oo ina ayihiisa u sheegtay, waa uu ka qancey. Waxaa uu sidaa oo kale la yaabey akhlaaqda iyo wanaagga wiilkan, sidaas darteed, ayuu Nasiib dhawr jeer kula kaftamay “Abti maad ka dhigatid Faarax saaxiib MustaqbaF, isaga oo u arkay in uu yahay wiil fiican oo mustaqbal sare leh, oo ku wanaagsan aayeheeda. Nasiib qudheedu, mar-mar waxaa ay is- weydiisaa hadallada abtigeed, waxaa ay misena dhanka kale u fiirsataa Faarax iyo ficilladiisa wanaagsan, markaasaa waxaa u soo baxa hummaagyo qalbigeeda ruxa, oo u shidaya iftiin fallaaro cagaara bixinaya.

Faarax sidii Samsam ma yeelin, ee waxaa uu isku dayey in uu u soo bandhigo Nasiib dareenkiisa jacayl oo waayadan oo dhan dhiiggiisa dhex siqayey. Waxaa uu maalin Jimca ah ugu yeerey Nasiib marti-qaad heer sare ah oo uu ugu sameeyey guri ay leedahay islaan habaryar ugu qumman, oo ku yiilley meel u dhaw sarta Soobbe. Waxaa uu halkaas marti-qaadka ula aaday, waxaa uu ka cabsanayey in reerkiisu ogaado, in uu gabar kale xiriir la leeyahay, maadaama ay cidda Samsam isku fiican yihiin, Samsamna lagu wada og yahay. Docda kale, Nasiib waxaa ay la yaabban tahay marti-qaadkaan oo ahaa markii ugu horreysay, waxa ayse u aragtaa mid walaaltinimo.

Markii marti-qaadkii la isugu yimid oo, loo hagaajiyey guri qurux badan, ayaa saacado sheeko iyo xifaaltan badan ah kaddib, Faarax u soo bandhigay Jacaylkii ugubka ahaa Nasiib, isaga oo yiri “Nasiib, waayadan oo dhan waxaa I saaran culeys badan, ee wax maad ila qaban?”. Nasiib, oo u qaadatay in Faarax casharradii ku cuslaadeen ayaa ugu jawaabtay “Waa maxay culayskaasi, waa ballan in aan wax kaala qabtee?”. Faarax ayaa ku jawaabay “Waxaan ka cabsanayaa haddii aan kuu sheego, in aad waxba ka soo qaadi weydo, oo aan jac la noqdo”. “Maya., maya.. wallaahiye ii sheeg” ayey tiri Nasiib, iyada oo sii daba dhigtay “Allow ha igu ceebeyn, oo waxaan wax ka qaban karo ka dhig”.

Faarax ayaa si xishood badan uu ku jiro u yiri “Abbaayo Nasiib, waxaan doonayey in aan kuu soo bandhigo, in aan ku jeclahay, in muddo ahna jiif iyo joogba uu ii diiday Jacaylkaas aan kuu qaaday, taas oo haddii aanan kuu soo bandhigan, oo aadan wax igala qaban, dhaawac xoog badan gaarsiinaya maskaxdayda”.

Nasiib ayaa xoogaa hogatay, arrinkaasna ula muuqday arrin ugub ku ah, oo aysan ka filayn Faarax, horayna aysan ba uga fekerin wax jacayl la yiraahdaba. Mar waxaa ay fiirisaa Faarax, marna waxaa ay xasuusataa intii ay taqaanay oo dhan. Waxaa ku soo dhaca hadalkii abtigeed ee ahaa Abti maad ka dhigatid Faarax saaxiib Mustaqbal, mama waxaa ay sii oddorostaa waxa arrintaan ka imaan kara. Waxaa ay ka fekeraysaa – dhanka bini-aadanimada- waxa soo gaari kara maskaxdiisa iyo caafimaadkiisa haddii ay ku diiddo arrinkaan uu u soo bandhigay. Inta Faarax eegtay ayey ku tiri

“Faarax, abboowe haddii caafimaadkaaga qaaliga ah aniga ku xiran yahay, mama igama soo baxayso hadal raaankaaga dhaawacaya, arrinta Jacaylkana wax baan kaala qabanayaa”.

Faarax ayaa neeftii ka soo fuqday, maadaama uu ka w-alaacsanaa fekerka dheer ee ay gashay Nasiib, isaga oo markiisii horena shaki kaga jirey in ay ka aqbali doonto codsigaas iyo in kale. “Abbaayo aad ayaan kaaga mahad- celinayaa ayididda codsiga aan kuu soo gudbiyey. Runtii markii hore ee aan ku dhiirranayey in aan kuu soo bandhigto arrinkaan, waxaa ii qiimaysnaa dadnimadaada, vvaana sii ogaa fal-celiskaaga waxaa uu noqon doono” ayuu yiri Faarax, isaga oo u sii raaciyey “Gacaliso, maanta laga bilaabo, waxa aad tahay qalbigeygiiye ogsoonow, hana dhaawicine, ila dhawr oo, dhibta ka ilaali”. Waxaa kale ee uu intaas u sii raaciyey erayadan dar-daaranka ah ee soo socda oo maanka Nasiib luiay:

Wixii ani I dagi kara Adigana ku dabi kara Isku keenna diri kara Jacaylkeena dumin kara Waa in aan ka durugnaa Kana wada digtoonnaa Nasiibeey dulqaad iyo Daacadnimo iyo samiriyo Wax kastoo hal dooroo Daawo u ah jacaylkeen Ku dadaalno abidkeen

Erayadaas murtida ah ee dar-daaranka iyo wax-sheegga xambaarsan, ayaa Nasiib qalbigeeda aad u ruxey. Waa wacad laga rabo in ay oofiso iyo ballan laga doonayo in aan beerta xannaanada jacaylka dhankeeda looga soo dhicin. Nasiib xoogaa yar oo ay maankeeda ged-geddisay kaddib, waxaa ka soo bur-qaday erayo xikmadaysan, oo ay ugu jawaabeysey Faarax, waxaa ayna tiri:

Hawadaas jacaylkoo Hadda ii bidhaantoo Aan ka helay dhankaagaa Hiyigeyga kicisee Haddalladan wax sheeggaa Murtidaan hal doorkaa Oo huwan jeceylkiyo Harumarinta aayaha Hawraarsan baan iri

Halkaas ayaa galabtii lagu kala tagay farxad iyo reyn-reyn, iyaga oo midba rnidka kale indho kal-gacayl ku dhuganayey, intii ay sii kala ambanayeenna, mid kasta kan kale hadba gadaal u soo eegayey.

Faarax waxa uu ahaa wiil qof maalin abaal u gala aan hilmaamine, intii uu dhex sii socday, ayaa isaga oo maraya meel u dhaw is-goyska lambar 4, ka soo horjeedka Maktabadda Xarameyn, waxa uu ku leexdey nin afarta gees qori lagala taagan yahay, oo naag qaad-wale ah kulleetiga haysato. Si fiican ayuu u eegay ninka la haysto, mise waa ninkii hadda ka hor malleeshiyaadkii af-duubtay ka soo bad-baadiyey. Inta naagtii la hadlay ayuu ku yiri “Ninkaan maxaad u haysataa?”. Waxa ay ugu jawaabtay “Waxa aan ku leeyahay 3,000,000 Sh. So. oo uu jaad iiga qaatay”. “Aniga ayaa ku soo siinayee, soo baxa isagana soo kaxeeya” ayuu yiri. Waa ay raaceen, waxa uuna geeyey macdaarkiisii yaraa, oo uu ka soo siiyey lacagtii ay ku sheeganeysey ninkaan, isagiina waa la haray.

Faarax inta la sheekaystay ninkii ayuu isugu sheegay in uu yahay wiilkii uu soo bad-baadin jirey. sheeko dheer kaddib, lacag ayuu inta siiyey, buu ku yiri “Halkaan iigu imow berri”. Sidaas ayeyna xiriir ku yeesheen Faarax iyo ninkii malleeshiyada ahaa ee horay u soo bad-baadiyey, waxaa uuna Faarax ku dadaalay in uu ninkaan ka saaro dullinimada uu hadda ku jiro, waxa uuna juhdi dheer kaddib, ninkii ku daray Tabliiq, balwaddiina waa ka jarav, waxa uuna ninkii aakhirkii noqday, nin wadaad ah oo fiican, oo waajib iska dhaafe, sunnada ka taxadara, waxa uuna waa dambe ka shaqo bilaabay Shirkadda Hormuud. Haddii aad hadda aragto weligaa kugu soo dhici mayso ninkaan baa mooryaan soo ahaan jirey, quruxda iyo nimcada ka muuqata awgeed.

Ninkaan qudhiisu, indhihiisa hadda waa ka jecel yahay Faarax, markii uu ia kulmana labada dhaban ayuu ka dhunkadaa, waxa uuna aaminsan yahay, in uu noioshiisa soo bad-baadiyey, isaga oo qof kasta u sheega in uusan Faarax abaaikiisa gudi karin. Cajiib, labaduba, nin abaal gala iyo nin gudaba waa yihiin!

Markii Faarax uu gurigiisii tagay, ayuu aad uga fekerayey kulankii isaga iyo Nasiib. Dhan waxaa u soo baxday guul weyn, oo qof uu muddo ku taamayey ayaa xerada u soo galay, mama waxaa uu aad uga wel-welsan yahay, sida uu isugu wadi lahaa labada jacayl ee Samsam iyo Nasiib. Labadaba waa wada jecel yahay, waxaa uuse aaminsan yahay, in uu calaf jiro, oo laga yaabo, in labadooda midi calaf kala geyn karo. Waxaa uu aakhirkii fekerkiisii ku soo aruuriyey in uu labadaba isku wado, uuna kala maareeyo, iskuna dayo – haddii uusan calaf kala geyn – in uu labadaba wada guursado. Mid waliba gaarkeeda ayuu Jacaylka ula jilaa, mid walbana wakhti wanaagsan ayuu siiyaa.

Samsam iyo Faarax Jacaylkooda labadooda reer ayaa isku og, laakiin xiriirka caashaq ee ka dhexeeya Faarax iyo Nasiib labadooda reer midkoodna ma oga, iyaguna weli kama wada hadlin in reeraha la is-baro, laguna wada war-geliyo Jacaylkooda. Waxaa arrintaas, in aysan sidaas u dhicin gun- dhig u ah Nasiib, oo iyadu doonaysa in jacaylkoodu daboolnaado inta waxbarashada guul laga gaarayo, taas oo Faarax isna si nafsiyan ah ula qaatay, in kasta oo ay ku badan tahay sugidda waxbarashadaas heerka Jaamacadeed ah.

Inkasta oo Faarax iyo Samsam aysan isku dugsi dhiganayn, misena Jacaylkoodii dar-dar ayuu ku socday, waxna iskama beddeiin in uu horay u kacay mooyee, laakiin waxaa dhacda mararka qaar in inta imtixaan diyaarin lagu kala mashquulo la is arki waayo, laakiin khadka taleefoonka laynlaynka ah ayeysan ka bixin.

Saddex sano oo ay dadaal waxbarasho ku kala jireen, waxaa Faarax iyo Samsam u suuro-gashey, in ay wada dhammaystaan dugsiyadii sare ee ay kala dhiganayeen, iyaga oo mid walba dhibco wanaagsan ka keeney natiijadii imtixaankii ugu dambeeyey. Intii dugsiyadii sare la dhiganayey, waxaa ay Faarax iyo Samsam dhawr jeer isku soo qaadeen arrirno guur, laakiin waxaa la is-tusay, in waxbarashada dugsiga sare la dhammaysto.

Samsam waxaa ay kaga duwan tahay Nasiib, iyadu ma dooneyso wax ka sarreeya dugsi sare in ay dhigato, waxaa ay ku hamminaysaa oo keliya, in ay dugsiga sare dhammaysato, isla markaasna ay guursato jacaylkeeda qaaliga ah ee Faarax, oo ay noqoto marwo hooyo ah, oo soo bar-baarisa carruur ay ku taammaysay in muddo ah, in ay u dhasho saygeeda mustaqbalka ee Faarax, halka Nasiib, aysan-ba ku fekereyn guur ilaa ay ka dhammayso jaamacad.

Sidii ballantu ahayd-ba, markii dugsiyadii sare ay dhammaysteen Faarax iyo Samsam, waxaa la isla helay wakhti iyo firaaqo Jacaylkoodii lagu sii hormariyo, loogana fekero mustaqbal wada-yagleelasho. Waxaa inta badan laga wada hadlaa guur, taas oo marar badan la isla jiid-jiido xilliga uu noqonayo iyo agabka loo baahan yahay. Waxaa markii dambe la isku af-gartay, in jacaylka mirihiisa la dhadhamiyo, laguna soo af-jaro sheeko-darbiga guur iyo guri xalaal ah oo la askumo.

Waxaa sidaa oo kale la islana fahmay, laguna ballamay xilliga iyo goorta uu meherka iyo aqal-galku dhacayaan, iyada oo si wanaagsan looga wada heshiiyey meherka iyo aqalka la isku aroosayo sida uu noqonayo.

Sidaa oo kale waxaa haddana la isla meel dhigay, slda waalidka arrintaas looga dhaadhicinayo, maqsuudna looga dhigi lahaa, iyaga oo aakhirkii ku wada ballamay, in qof walba waalidkiis hawshaas ku war-geliyo, wakhtiga lagu ballameyna uu qof walba waalidkiis oo howshaan ku faraxsan uu keeno.

GUURKII FAARAX IYO SAMSAM

Sidii wacadku ahaa, waxaa la gaarey xilligii la is-guursan lahaa, iyaga oo mid vvalbana uu ka soo dhaadhiciyey qoyskiisa arrinta guurkooda. Waxa ay iska hor keeneen labadii qoys, oo mid walba si wanaagsan hawshaan uga dheragsan yahay, kuna faraxsan reyn-reynta carruurtooda, horayna ula socday wada-socodkooda iyo aaya-ka- tashigooda. Is-barasho kaddib, waxaa ay labada qoys isla oggolaadeen guurka carruurtooda, waxaa ayna ka ballameen xilliga meherkooda iyo arooskooda, oo toddobaadka soo socda ay ka dhigeen.

Intii ay labada qoys is-wareysanayeen, ayaa waxaa la is- weydiinayey labada qolo ee ay ka soo kala jeedaan wiilka iyo gabadha lagu wado in la isku meheriyo. Samsam adeerkeed hooyadeed qaba ayaa soo boodday oo yiri “Samsam aabbeheed waxaa uu ku dhintay dagaalladii sokeeye, waxa uuna ka soo jeeday qabiilka reer Qansax, aniga ayaa soo korsaday, aniga ayaana hadda doonaya in aan bixiyo”.

Dhanka kale, Qaasim oo ah awoowga Faarax ayaa u sheegay reerka gabadha laga doonayo, in isaga iyo Nuurto oo ayeeydiis ah soo koriyeen Faarax, hooyadiisna Yaman ku maqan tahay, aabbihiisna sidii dagaallada sokeeye u dhaceen aysan wada xiriirin, laakiin ay nolol ku ogaayeen, haddii la waarana la heli doono, wax qaraabadiisa kale ah, oo jooga Xamar aysan garanayn, qaabiil ahaanna waa isla reer Qansax.

Labada qoysba waxa ay sheegeen in nimanka kala dhalay wiilka iyo gabadha ay isku qolo yihiin, inkasta oo midka gabadha dhalay la sheegay in uu dhintay.

Markii ballantii la gaarey ayaa labada qoys isku yimaadeen, waxaana loo wacey wadaadkii isku meherin lahaa gabadha iyo wiilka. Markii uu Shiikhii damcey in uu isku meheriyo lammaanaha, ayuu weydiiyey ninka gabadha dhaley iyo haddii uusan joogin wakiilkiisa, maddaama gabadha aan la soo masaafeysan? Waxaa loo sheegay in uu dhintay ninkii gabadha dhaley, wakiilna laga heyn, waxaana loo wariyey qisada ninka gabdha dhaley. Waa uu yaabey wadaadkii, Kitaabkiisii ayuu inta gadaal ugu laabtay QIIL uu ku meherin karo uga soo helay, waxa uuna isku meheriyey Faarax iyo Samsam.

Markii uu meherkii dhacay, maalmo kaddibba, waxaa loo sameeyey aroos gobeed, oo aad u bilay meeqaamka caruuska iyo caruusadda oo loogu dhigay guriga Samsam, waxaana markii ay xafladdii arooska dhammaatay loo galbiyey gurigii ay ku aqal geli lahaayeen, oo ku yiilley xaafadda Suuqa Bakaaraha oo uu Faarax ka kireystay laba qol. Guriga ay kireysteen waxaa iska lahayd oo degganayd islaan la yiraahdo Safiyo Axmed, oo inta ay lammaanahaan arooska ku jireen iyo markii ay ka baxeen kaddibba, ay iyada iyo gabdhaheeduba aad u caawin jireen, waxaa ayna reerkii markii dambe noqdeen ceeshoo-milix.

Faarax iyo Samsam Jacaylkoodii waxaa uu galay marxalad ka macaan sidii hore, waxaana la noqday marwo iyo seygeed. Waxaa intaas sii dheer, in ay si kale isugu soo dhawaadeen, oo ay noqdeen dad hayb ahaan is yeeshay, taas oo labadaba sii xiisa galisey, maadaama mid walba uusan weligiis qof ka arag qabiilka uu sheeganayo, waxaa ayna noqdeen dad wada dhashay oo kale.

Marar badan waxaa ay ka sheekeystaan is-barashadoodii hore iyo waayihii dugsigii Bukhaari, iyaga oo wax badan iska weydiiya ardeydii xilligaas ay dugsiga wada dhiganayeen. Mama waxaa ay ka wada hadlaan marxaladdii ay dugsiyada kala duwan, kala dhiganayeen iyo waayo-aragnimadii mid walba iskoolka uu dhiganayey kala kulmay. Marar ayey soo xasuustaan Jacayikooda guurka ka hor, mama waxaa ay wax badan iska weydiiyaan qabiilka ay sheeganayaan waxaa uu yahay iyo weliba aabbayaashooda aysan garanayn iyo sababta qaraabadooda aabbe u dayaceen ee aysan noloshooda uga qeyb qaadan! Mar mar waa ay kaftamaan, mid walbana waxaa uu ka sheekeeyaa qisooyin maad leh, oo uu kan kale uga qoslisiiyo. Maxaa reyn-reyn ah, maxaa se tamash-le ah! Maxaa qosoi iyo qaraaxo ah, maxaa se maad iyo madadaalo ah! Waxa aabad mooddaa in Jannadii aakhiro lagu sheegayey ayba tan u tahay!

Laakiin muddo yar kaddibba, xoogaa yar oo isla hadal ah ayaa Faarax soo food-saarey, taas oo mararka qaar, uu ku illoobo farxadda uu ka helo qosolka, dhoollacaddaynta, marxabbaynta, hadal-macaanida iyo dhunkashada joogtada ah ee Samsam. Waxaa uu bilaabay hogasho iyo hoos-iskula- hadal, taas oo dhadhankii guurkan iyo aayo-la-wadaagga Samsam murugo ka gelisey.

MURUGADII LA SOO GUDBOONAATAY FAARAX

Faarax, ka sokow farxadda arooska iyo helidda gabadhii uu muddo ku taamayey guurkeeda, haddana aqal-galkii sidii uu u filayey uma noqon! Markii uu gabadhii la aqal-galay, waxaa Faarax ku adkaatay qancinta Samsam dhanka gogosha, waxaana ku dhacaya hammi-jab! Sida uu hawo u leeyahay, ayey dhacaysaa marka uu Samsam gogosha ugu tago. Waxaa uu aad uga yaabay, waxa khaldan ee isaga iyo Samsam kala hortaagan. Marka gogosha la tago, oo uu Samsam waxba ka tari waayo, ayuu waxaa uu bilaabaa in uu u sheekeeyo, oo uu raadiyo sheekooyin madadaalo ah, oo uu wakhtiga ku dhaafiyo.

Geesta kale, Samsam qudheedu ma helin dhadhankii Jacaylka, oo waxaa ay doonaysay in ay Faarax jirkiisa dhadhamiso, haddii ay horay uga soo daashay aragiisa iyo muuqaalkiisa duleed. Waxaa ay doonaysay in ay hamuun ay u qabtay la ciyaaridda Faarax iyo dareenkeeda aadaminimo ay kaga maqsuudi doonto marka uu Eebbe isku xalaaleeyo, helaanna guri iyo deegaan wacan oo ay leeyihiin. Laakiin taas beddelkeeda, waxaa dhacay wax khilaafsan sidii ay ku fekeraysey! Isna waxa dhacay uma sheego iyana ma weydiiso, keliya waxaa uu wakhtigu ku dhammaadaa wada sheekeysi iyo iska wareysi arrimo hore. Saddex bilood ayaa gow tiri iyada oo xaalkii sidaas yahay, waxaana labada geesba shaki ka galay mustaqbalka guurkaan, oo u badnaa Faarax.

Faarax hadda xaalkiisu caadi ma ahan, waxa uuna aaminay in ay ragganimadii ka guurtay, oo uusan lahayn wax rajo ah, oo uu guurkaan ku sii wadi karo, carruurna ku yeelan karo. Waa nin dhallinyaro ah oo xishood badan, waxa uuna ka baqayaa in ay ogaadaan cidihiisa iyo kuwa gabadhuba ciniinimadiisa. Waxaa uu ka cabsanayaa, haddii uu asxaab arrintaan kala tashado, in ay warkiisa suuqa geyn doonaan, oo uu noqdo nin meel kasta lagu xanto, dabadeedna ay xantaasi gaarto qaraabadiisa iyo qoyska gabadhaba, oo fashil weyn uu markaasi ku habsado.

Inta badan, guriga maalintii waa uu ka maqnaadaa, waxa uuna dhawaanahan bilaabay in uu guriga tago xilli dambe. Waxaa uu hadda wakhtigiisa oo dhan ku bixiyaa, ka fekerka sidii uu arrintaan xal ugu heli lahaa, waxaana wiiqantay fir- fircoonaantiisii shaqo, iyada oo saamayn wreynna ku yeelatay howlihiisii ganacsi.

Meelaha fadhi-ku-dirirada iyo meelaha akhyaartu ku qaxweyso ayuu tagaa, oo dadka si dadban u weydiiyaa arrintaan, isaga oo u sheega, in nin saaxiibkiis ah ay arrintani qabsatay, laakiin wax macluumaad ah kama helo, oo qalbigiisa qaboojiya!

Mararka qaar, waxaa uu tagaa Masaajidda iyo Mawlacyadal Diinta, waxa uuna culimada halkaas joogta ka codsadaa, ini ay u soo duceeyaan, muraad uu leeyahay in Rabbi u sahlo, wax badan ayaana faataxo loo maray, laakiin misena, waxba j isma beddelaan. Culimada qaar ayuu inta u tago weydiiyaa,] sababta ducadooda loo aqbali la’yahay, oo uusani muraadkiisii u helin, markaasey u sheegaan, in ay I ducooyinku qaar soo daahaan ee uu iska sugo.

Shiikh ayaa mar u sheegay in uu Salaatu-Laylka badiyo, si uu muraadkiisa u helo, markaasuu bilaabay in uu Salaatu-laylka tukado, oo uu Ilaahay xilliga dadku hurdaan baryo. Inta tukado ayuu ilaa waagu uu ka dillaacayo ducada wadaa. Waxaa uuna mararka qaar ku wardiyaa ereyadaan:

Boqorow Ilaahow Baarrigii i uumow Bilantii aan guursadey Qalbiga waa ku badantoo Buur ka cuius jacaylkuye Markii aan u baahdana Ma baashaali karayoo Dabkaa iga bakhtiyayee Waan u baqay naftaydee Ii bidhaami Eebow Buktadaani waxay tahay

Haddii arrintii muddo sidaas ahayd, asii wax u bidhaama waayey, waxaa uu maalin ku fekeray in uu arrintaan la wadaago jacaylkiisa Samsam, si saxana wax ugu sheego, isla markaasna uu ka dhaadhiciyo, in ay si vvada jir ah u J raadiyaan xalka arrintan murugsan.

Goor fiid ah oo ay Samsam u soo karisay casho iga gee ah, oo aan wakhti fiican lagu bixin karinteeda, ayuu inta uusan bilaabin u yeerey Samsam, oo sariirteedii iska aadday. Waxaa uu bilaabay in uu uga sheekeeyo arrinta la soo gudboonaatay iyo dhibaatada galmo-darri ee la soo deristay, isaga oo ku yiri hadalladan “Gacaliso, waxa aan aad uga xumahay arrinta ninnimo-xumo ee igu dhacday. Waxaan ka xumahay mas’uuliyadda Jiifka ee aan gudan waayey, waxaan se ka murugeys nahay in aan in muddo ah xal raadinayey, laakiin aan ku guul-darraystay. Sidaas darteed, waxaan caawa jeclaystay, in aan arrintaas kula wadaago, maadaama ay murugo igu haysay in muddo ah, oo aan wada raadino xalkeeda, aniga oo rajo fiican ku qaba, in aad ila dareemi doontid xanuunkaas, iina garab istaagi doontid sidii aan ku guulaysan lahaa, sidii aad jacaylkeennii horeba iila garab istaagtay”.

Samsam waxaa ka soo daadatay illin, iyada oo dareenkeeda xakamayn weyday hadallada murugada leh ee ka soo baxay afka Faarax awgood. “Gacaiiye, waan dareensanahay arrintaas, anigana geestayda ayaa wel-welku iga hayey, waxaan se isku dayayaa in aanan meel cid la’ ah kaaga tagin, arrintaanna xalkeeda kula raadin doono Alle idinki” ayey tiri Samsam oo Faarax qalbiga u dhisaysa. Faarax neef farxadeed ayaa ka soo kudday, rnadaxa ayuuna ruxay isaga oo aaminay in uu sax ahaa go’aankii uu ku gaarey in uu Samsam la wadaago dareenkiisii. Maalintaas wixii ka dambeeyey, waxaa ay labada dhinac isla gaareen in ay wada raadiyaan xal, waxa uuna Faarax bilaabay, in uu meel kasta aado, iyada oo Samsam-na u dhaqaaqday in ay bal la-tashato islaamaha waayeelka ah ee waayo-aragga ah.

Nasiib wanaag, beryo kaddibba, iyaga oo sariirta wada saaran oo Idaacadda Shabeelle wada dhageysanaya ayaa waxaa soo galay xayeysiiska xarun daawo-dhireed oo iaga sheegayo in ay daaweyso raganimo-darrida. “Alla Faarax noo dhageyso meesha ay ku taallo” ayey la soo boodday Samsam. “Waxaa ay ku taallaa ayey leeyihiin Baar-ubax, meel u dhaw Hoteel Salaama” ayuu ugu jawaabey Samsam. “Berri subixii waa in aan ku jarmaadnaa” ayey ku tiri. “Waa yahay xabiibti” ayuu ugu hadal-celiyey.

Faarax waxaa uu la dhacay farxad, waxa uuna u qaatay idaacaddan iyo xanmtaan mid Alle u soo direy in ay yihiin. Waxa uuba is-yiri “Masaajiddii iyo Mowlacyadii lagaaga soo duceynayey ayaa ducadoodii soo duxday oo ay hadda soo dhacday”. Habeenkii ayaa ku dheeraadey, waxa uuse habeenkaas oo dhan diyaarsanayey, waxaa uu ku dhihi lahaa Shiikha dadka xaruntaas ku dabiiba iyo sidii uu uga warrami lahaa arrinta qabsatay.

Markii subixii la gaarey ayey inta Samsam kacday oo quraacdii u boobsiiyey, tiri “Soo bax gacaliye, aannu aadno * xaruntiiye”. “Haye” ayuu yiri Faarax, isaga oo hadalkiisii raaciyey “Qalbi, bal AFAR faataxo inoo mar, in Alle meeshaan ku daawoobi lahayn inooga dhigo xaruntaas”. AFAR-tii faataxo ayaa laga tuurey, duco kal-iyo-laab ahna lagu duceystay, aakhirkiina yiraahdeen FAATAXA.

Gurigii ayaa laga kallahay, waxaana la qaadey waddadii ugu sahlanayd oo si dhaqsa ah ku gayn kartay xaruntii. Intii la wada socday, la islama hadlin. Faarax isagu wardiga ayuu hayey, Samsam-na waxa ay eeg eegaysay geesaha, oo tilmaanta ayey haysay. Markii cabbaar la socday, waxaa lagu yimid meeshii loo socday – waa xaruntii daawo-dhireedkee.

Markii la yimid xaruntii ayey isla markii-ba weydiiyeen dadkii, wadaadka xarunta. Waxaa loo sheegay in uu ku mashquulsan yahay dad uu Quraan ku akhrinayo ee ay xoogaa sugaan. Cabbaar ayey u fadhiyeen meesha lagu sugo dhakhtar-dhireedka. Keligood ma sugeyn, ee waxaa halkaas fadhiyey dad kale oo badan oo Shiikhka sugayey.

Inta badan Soomaalidu haddii ay meel isugu timaado, waa la is-wareystaaye, waxaa la weydiiyey Samsam iyo Faarax; qofka labadooda xanuunsan ee la takhtarinayo. Samsam ayaa tiri “Waxaan takhtarka u raadinaynaa Faarax”. Markaasaa la weydiiyey Samsam halka uu ka xanuunsan yahay Faarax. Samsam ayaa ka naxday su’aashaas, waxaa ayna is—tiri “Allow maxaa kugu watay in aad tiraahdo Faarax ayaa xanuunsan.”

“Wallaahi caajis ayaa waayadan oo dhan hayey” ayey ugu jawaabtay. Qof dumar ah ayaa ku tiri “Haah, waayadan caajisku waa iska badan yehee bai dhanka Quraanka ugu dadaal”.

Samsam ayaa neefi ka soo boodday, oo waxaa ay u malaysay in waayadan ragga oo dhan, tan ka wada siman yihiin. Samsam ayaa naagtii ku tiri “Ka warran eeddo seygaaga waayadan ma caajisaa?”. Sayte “Maya, aniga ayaa caajisnaa waayadan”. Kaba sii darane, waxaa ayba u malaysay Samsam in ragga iyo dumarka caajisku wada qabto, waxaa ayna niyadda ku dhisatay in ay ninkeeda u dulqaadato, si isna marka ay caajisto uu ugu dul-qaato. Qof kale ayaa weydiisey sida uu ninkeedu u caajisan yahay iyo waxa haya. “Wallaahi dhanka sariirta ayaa laga galay” ayey si hal-haleel ah ugu jawaabtay. Naagihii meesha fadhiyey oo dhawr ahaa, oo sheekada wada dhageysanayey ayaa hal mar la soo wada booday “Abbaayo, taasi caajis ma ahane, waa musiibee, Allaha idiin fududeeyo”.

Samsam wadnaha dhag yiri, oo hadalka dumarka ayey ka naxday, waxaa ayna garatay, in caajiska sidii ay u fahantay uusan ahayn ee wax kale loola jeedo. Waxaa ay ka shallaysey sababta ay haweenkaan ula qabsatay iyo fakinta sirta ninkeeda iyo iyada ka dhaxeysey. Waxaa ay fiirisay Faarax oo ay moodaysey in uu sheekada maqlayey mise waaba mooge, oo waxaa uu ku mashquulsan yahay isla sheekeysi maankiisa ah, oo uu wax iska weydiinayo waxaa uu kala kulmi doono wadaadka xarunta.

Cabbaar ay meesha ku caajiseen kaddib, Faarax iyo Samsam waxaa u yeerey wadaadkii xarunta. Si deg-deg ah ayey u kaceen, iyaga oo saanta boobsiinayana u tageen wadaadkii. Wadaadka waxaa ag fadhiyey gacan-yarehiisa, waxa uuna bilaabay in uu weydiiyo cidda jirran labadooda iyo meesha laga hayo, laakiin cidina waa u jawaabi weyday, oo waxaa uu ka xishooday Faarax ninka kale ee ag fadhiya wadaadka. Samsam oo fahantay Faarax, ayaa wadaadka ka codsatay in ay si gaar ah oo keligiis ah u rabaan. Wadaadkii waa uu aqbalay, waxa uuna saaray gacan-yarihiisii. Markii uu gacan- yarihii baxay, ayuu Faarax bilaabay in uu u sheego wadaadka qofka xanuunsani, in uu isaga yahay. Waxaa kale ee uu si faah-faahsan uga sheekeeyey xanuunka haya waxaa uu! yahay, goorta la asiibay iyo sida loo asiibay-ba. Waxaa uu markii hadalkii u dhammeeyey kaddib- ka codsaday wadaadkii, in haddii uu takhtarin karo arrintaan ka daweeyo.

Wadaadkii ayaa markii uu dhageystay ugu laab-qaboojiyey Faarax in uu arrintaas ka daweyn karo, cid aan isaga ahayn oo dambana aan loo tagayn. Faarax soo kan farax dartiis is- hayn waayey ma ahan, soo tan se Samsam alalaaso afka’ furatay mahan, waxaana isku mar afkooda ka soo baxday “Khayr Allaha ku siiyo Shiikh, kurbaad naga faydaye Allaha kaa faydo”. Waa gabar cun-cun hoose dilay e, farxaddii inta Samsan la tagtay, ayey inta gacanta u soo taagtay Faarax ku tiri ‘‘Ku dhac.”

Wadaadkii ayaa bilaabay in uu qoro sida loola tacaalayo cudurka Faarax. Waxaa uu yiri Wadaadkii “Faarax, waxaa lagu, siinayaa daawo-dhireed lagaa doonayo in aad isticmaasho habeenkii inta aadan gogosha tagin, cashada ka hor”, isaga oo markaasna bilaabay in uu isugu daro geedo kala jaad ah oo agtiisa yiilley. Waxaa kale oo uu u sheegay, in uu laba setimaan, subax walba uu yimaado xarunta, si Quraan loo saaro, isaga oo ugu lab-qaboojiyey in uu natiijo fiican heli doono muddo 10 cisho gudahood ah. “Hawraarsan” ayuu yiri Faarax, isaga oo horay u sii qaatay dawadii, bixiyeyna lacagtii aragtida takhtar-dhireedka iyo til daawadaba. “Khayr allaha ku siiyo Shiikh” ayey tiri Samsam-na iyada oo dhoolla- caddaynaysa, markii ay sii baxayeen.

Markii ay xoogaa sii socdeen ayaa waxa ka hor-timid Nasiib, oo iyadu aragtay Faarax. Inta u yeertay ayey tiri “Faarax, ii waran abboowe sidee tahay?”. Inta uu ku soo leexday ayuu yiri “Abbaayo waan wanaagsanehee ii warran, sidee tahay adigu?”. “Waan fiicanahay anna” ayey tiri. Inta ay isla hadlayeen ayaa waxaa soo ag istaagtay Samsam. Hadalkii inta qaatay ayuu ku yiri “Abbaayo, gabadhan Nasiib ayaa la yiraahdaa, waxa aannu ahayn isku Fasal. Nasiib, gabadhaanna Samsam ayaa la yiraahdaa, waana walaashey”. Inta is-gacan qaadeen ayey mid waiba tiri “Barasho wanaagsan abbaayo”.

Samsam iyo Nasiib dhib iskuma arag, sababta oo ah, Nasiib waxa ay u malaysay in ay Samsam tahay Faarax Walaashiis, halka Samsam-na u dareentay in Faarax iyo Nasiib isku Fasal keliya ahaayeen. Faarax oo ka baqayey in uu fashilmo, haddii intaas ka badan la sii wada taagnaado ayaa yiri “Nasiib, haye abbaayo waan deg-degsannehee, aniga ayaa ku soo wacaya Alle idinkiis”. Halkaas ayuuna ku kala farsameeyey labadii gabdhood oo midna uu qabo midna uu jacayl la dhiso. Kolkii ay ka dhaqaaqeen Nasiib, ilaa ay gurigii gaarayeen, waxaa laga sheekeysanayey farxaddii ay maanta la soo kulmeen iyo rajada waxaa ay naawilayaan iyo weliba sara-u-kaca hammigoodii.

Markii la gaarey makhribkii ayaa sidii uu Shiikhu kula soo ballamay, waxaa uu Faarax cunay dhirtii, inta uusan cashayn ka hor. Markii uu casheeyey ayuu sariirtii dul-tagay, waxa uuna is yiri “Bal is-tijaabi”, mise waa sidii hore! Waa uu iska seexday, isaga oo iska dhaadhiciyey in habeenka koowaad aysan natiijadu soo deg-degayn. Subixii waxaa uu ku kallahay xaruntii, si Quraankii loogu soo akhriyo. Makhribkii kale markii la gaarey, ayuu misena cunay geedihii qooshnaa ee loo soo qorey. Markii uu casheeyey ayuu sariirta dul- tagay. Samsam ayaa ku bilowday in ay salaaxdo oo ay bal tijaabiso in ay wax iska beddaleen, mise waa sidiisii, oo wax hawo ah kuma soo kordhin!

Sidii Shiikhu uu wax ugu soo qorey ayuu sameeyey Faarax, waxaana la gaarey xilligii la yiri natiijo ayaa imaanaysa, laakiin daawadiina waa dhammaystay, Quraan akhriskii xilligiisiina waa idlaaday, welina wax is-beddel ah lama hayo.

Talo fara ka baxday! Rajadii xaruntuna waxaa ay ku dhammaatay niyad-jab kale!

Faarax waxaa uu la tashaday marvvadilsa Samsam, waxaana la isla gartay bal in Shiikhii mar kale lagu laabto. Shiikhii ayaa loo tagay, waxaa ayna u sheegeen miraha daaweyntiisii. Shiikhii ayaa arrintaas ka yaabey, waxa uuna u arkay in uusan daawo kale u ahayn, ummuurtaanna tahay mucjiso uusan garanayn. Waxaa uu u sheegay, bal in ay isbitaallada tagaan oo ay takhaatiirta howlahaan qaabilsan raadsadaan.

Waxaa ay mar labaad arrintaas wel-wel kale ku abuurtay lammaanihii, waxaana beenowday rajadii uu geliyey wadaadku lammaanahaas da’da yar ee ahayd, mar haddii ay isaga heleen in aysan dhakhaatiir kale u baahnayn, ee isagu uu ku filan yahay. Waxaa ay ka tageen Shiikhii iyaga oo luudaya, niyad-jabsan, aaminayna in aysan wax xal ah iahayn arrintani.

Markii ay gurigii tageen, ayey tashadeen mar kale. Samsam ayaa la soo boodday “Yaanaan quusan, ee aan aadno takhaatiir kale, bal in Alle wax inooga bixiyaa laga yaabaaye”. Faarax oo isagu quus taagnaa ayaa taladii Samsam madaxa u lulay, waxaa ayna gelisay rajo kale. Waa uu ka yeelay, waxaana la isku raacay in berriba takhtar la raadiyo, laakiin waxaa cabbaar laga dooday “Takhtarkaan u baahannahay waa kuma, halkee se laga helaa?”. Dood dheer kaddib, waxaa la isku af-gartay in dhakhtar un la raadiyo, marka lala kulmo; isagaa na daaweyn ama noo sheegin meesha ay joogaan dhakhaatiir ta qaabilsan howlahaane.

Subixii ayaa quraacdii la dedejiyey, iyada oo sidii caadadu ahayd la martay Faataxadii, w-axaana la aaday dhakhtar ay dhawT jeer idaacadaha ka maqieen oo ku yiillay xaafadda Lambar Afar. Markii ay tageen isbitaalkii ayey waxaa ay goosteen lambarkii aragtida takhtarka. Markii la gaarey lambarkoodii ayaa loo wacey. Takhtarkii ayey la kulrneen, waxa uuna Faarax uga sheekeeyey arrinta qabsatay.

Dhakhtarka arrintaas ma ahayn takhasuskiisa, laakiin waa dhakhtar Soomaaliya jooga oo shaqeysta e, waxaa uu ku xaabiyey daawooyin farmashigiisa yaaley oo nafaqo/ fatimiino u badnaa, waxa uuna ku yiri “Faarax, daawooyinkaasna qaado, xooga jir-dhis ahna samee, caloosha iyo madaxa arigana badso, Insha Allah natiijo ayaad arkaysaa toddobaad gudihiis e”.

Faarax iyo Samsam ayaa iyaga oo riyaaqsan ka baxay Isbitaalka, kaddib markii ay ka iibsadeen bac buuxda oo daawooyin ah. Samsam ayaa ku tiri Faarax “Gacaliye, kan ayaaba ka fiican kii hore, waxaa uu inoo sheegay in natiijo deg-deg ah setimaan gudihiisa la helayo, halka kii hore wakhtigiisu dheeraa”. Faarax ayaa ugu jawaabey “Abbaayo, Allaha daawo khayr qabta inooga dhigo”, isaga oo aad mooddid, in uusan ku qanacsanayn arrintaan oo ay la mid noqon doonto tii Shiikhii oo kale.

Asbuuc ayuu Faarax daawadii liqayey, isaga oo dhanka kalana jir-dhis galay, isla markaana keligiis uu ka xirtay kawaanka xaafadda; wixii calool iyo madax ari yiilley. Daawadana waa iska daba-geeyaa, jir-dhiskana nafta ayuu isaga ridaa sida uu biro cul-culus u qaadayo, maalintii iyo habeenkiina ilaa 10 neef oo ari ah; calooshood iyo madaxood cidna uguma tagto.

Toddobaadkii dhammaa, welina natiijo lama hayo. Ka dar oo dibi dhaH Maxaa hadda la sameeyaa! Shirkii caadiga ahaa ee wada tashiga ahaa ayey u fariisteen Samsam iyo Faarax oo, markaan quus tii ugu dambaysay taagan.

Waa la wada fekerey, oo la wada fekerey oo maskaxdii la shiiley, waxaana laga wada tashanayaa, bal in ay jirto hadda fursad kale. “Alle Faarax, haddaan wax soo xasuustay, ka vvarran haddii aan raadino wax-sheeg iyo fooxiso, iyadaa laga yaabaa in ay deg-deg ku keento cilladaane” ayey tiri Samsam, oo soo xasuusatay islaan ay ku taqaaney Xamar- jadiid, oo ay hadda ka hor u raacdey gabar ninkeeda inta naag uga shakisey, ay fooxisadaasi wax walba u faah- faahisey, isla markaasna sidii ay wrax ugu sheegtay ay u aragtay gabadhii. Nin ay hali ka maqan tahay, haanna gacanta galiye, Faarax waa uu ku raacey inta taladaasi macquul ula ekaatay.

Waa ay taqaanney rugta fooxisadee, subixiiba waa isku sii daayeen, waana u tageen Fooxisadii – oo magaceeda la yiraahdo Qubbaco – waxaa ayna u sheegeen arrinta ay ugu yimaadeen. Maxaad ka taqaan fooxiso! Dab ayey inta foox ku bulbulisey, oo cabbaar aamustay ayey inta afka mar- maroojisey tiri “Haaah, waan arkaa dhibka ku haysta Faarax…. Waxaan arkaa ruuxaamo kacsan oo ay hoggaaminayaan Mallaaf iyo Moorif, oo ka yimid Flalalow iyo Halabooqad, waxaa ayna kuu fadhiyaan kaadi-heysta, iyaga ayaana korantada kaa qaadey”. Iyada oo hadalkii sii wadata ayey misena tiri “Waxaa loo baahan yahay in wadaaddadaas xanaaqsan la dejiyo, si loo marxabbeeyana, waxaa loo baahan yahay, in laba wan oo jabsadey loo bireeyo, lana soo gado foox iyo cuud loo shido iyo barafuunno lagu jebiyo”. Waxaa ay u sheegtay wakhtiga lagu aaddinayo howlahaas oo dhan, iyada oo u caddeysey haddii ay sidaas sameeyaan in ay wadaadadu degayaan, halkoodiina ku laabanayaan, Faarax- na shaqadiisa qabsan doono.

Faarax oo aad uga yaabban dambiga Mallaaf iyo Moorif iyo xertooda uu ka galay ee ay ku daba-taagan yihiin ayaa taladii aqbalay. Sidii ay Qubbaco ku talisay, inta suuqa aadey ayaa waxa uu soo gadey wanankii waaweynaa iyo alaabihii kale ee loo direy, waxa uuna markii ballantii la gaaray u yeerey fooxisadii si ay u muraaddeyso.

Qubbaco oo dumar badan hoggaamineysa ayaa gurigii Qoyska Faarax timid, waxaa ayna bilaabeen iyada iyo xerteediiba in ay hilbaha riiqaan, markii ay dhargeenna, waxaa ay bilowday in ay foox inta shiddo, tiraahdo “Culima Allah, waataas la idin muraaddeeyee, Flalalow iyo Halabooqadkiina aada oo sii daaya maskiinka, Insha Allah, sannad kaddibna, waa la idiin celin doonaa muraaddeyntaan oo kale e”. Inta Faarax u yeertay, ayey dhabarka ka dharbaaxday, kuna tiri “Shaqadaadii qabso waan direy ruuxaantiiye.”

Cajiib, waa uu f’arxay, isaga oo u qaatay in maanta Alle shuushkii iyo Sheydaankii ka saarey. Yaaba ka fiican, haddii la yiri waad fasaxan tehee, haddaba shaqeyso. Lacag aysan fooxisadu weligeed qof ka qaadan inta u soo bixiyey ayuu dhab ku siiyey, kuna yiri “Eeddo aad baad u mahadsan tahay, Khayr Allaha ku siiyo, waana ku soo xusin Insha Allah”. Sidaas ayeyna Qubbaco, oo hoggaamineysa asxaabteedii ku tagtay, iyada oo si fiican maalintaas u qaraabatay.

Faarax oo faraxsan ayaa markii gurigii laga kala tagay kaddibba, bilaabay in uu u yeerto saaxiibtiis oo uu istijaabiyo, mise maxaad ii dhiibatay, waa sidiisii! “Oo soo tii fooxisadu lahayd, haddaba shaqadaada bilow, maxaa dhacay? Balaayadii miyaanan weli kaa amba-bixin?” ayuu is- weydiiyey. Maba aaminin in ay ahayd fooxiso shiidsaneyd oo qaraabaneysee, waxaa uu islahaa “Bal ilaa caawa iyo berri sug waxaa laga yaabaa in weli ruuxaantii ay xamaamtooda aruursaneysee”. Berri, saadambe, saakuun, sidataai iyo toddobaadba la dhaaf, waxna isma beddelin. Talaa ku waa bariisatay, fooxisadiina khayr ma keenin. Shirkii caadiga ahaa iyo fekerkii dheeraabaa misena loo fariistay. Dhawr habeen oo la fadhiyey, wax caqli ah waa keeni waayeen, oo looga gudbo caqabaddaan, waxaa ayna qaadatay mar kale saddex bilood oo kale.

Samsam oo dadaalladaan fashilka ku soo wada geba- geboobey ka qalbi-jabsan, oo murugo adduun doc ula taalla, ayaa subax iyada oo Canjeelo dubeysa laba dameer (oo lab iyo dheddig ah) oo is-ceyrsanaysey, deyrkii ay quraacda ku sameysaneysey dibeddiisa isku heleen. Iyada oo xabbad Laxoox ah, oo ay dubeysey u saarneyd birdaawadii, ayey inta qayladii iyo sawaxankii dameerta ka naxdey, albaabka ka fiirisey. Mise! Waxa ay aragtay dameerkii labka ahaa oo boodaya tii dheddig, oo inta qalabkiisii lakala baxay kui aroorinaya dameertii. Inta gacanta afka saaratay ayey aad| ugu dheygagtay, oo aad ula yaabtay howsha ay u riyaaqday ee halkaas ka socotay. Inta u bogtay waxa uu dameerkaas labka ahaa walwaalayey iyo waxa uu sameynayey, ayaa iyada J oo qalbiga ku haysa Faarax, inta madaxa luxdey ku ] hadaaqdey iyada oo aan is-ogeyn “Eesh-calaa, waxaas-baa wax canjeelo loo duba ah’”. Markii ay labada dameer kala boodeen, ayey – iyada oo maankeedii waswaas soo galey – Canjeero-dubkeedii dib ugu laabatay, iyada oo la kulantay birtii iyo Canjeeladii isku saarneyd oo isku gubatay, intii ay isha ka soo nuursanaysey!

Samsam markaan iyana quus ayey taagan tahay, oo wax waliba oo ay is-Iahayd arrintaan ayaa lagu furdaamin karaa waa ay samaysey. Xitaa dhawr jeer oo kale oo ay laaliyaal kale u tagtay iyo islaamo w’aayeello ah oo ay la kulantay oo talooyin siiyey, waxba waa ka soo naasa-caddaan waayeen. Hadda ma garanayso wax ay samayso, waxaana ka soo harey dhafoor-haysi iyo feker aan xad lahayn, iyada oo xalkeedu ku dambeeyey afkiibaa juuqda gabey*. Faarax qudhiisu wax talo ah hadda ma hayo, gabadhii wax ku siyaadin jirtayna waayadan talo ma leh, wada tashigoodiina waxaa uu ku dhammaaday kala aamus iyo qof walba in uu arrinta gaarkiisa dhabanna-hays ugu noqoto.

Illeen rag iyo dumar, waxaa ay ku wada joogaan waa cisal shaqeynaya, haddii kaa la waayana, illeen waa murugo iyo ciil! Illeen jacaylka aan maqalno waxa uu ku xiran yahay geedka ragga, oo haddii mid kaasi cilladi ku timaaddo, jacayl maba jirayo! Illeen haddii ay gabari ku tiraaho “Waan ku caashaqey”, illeen micneheedu waxaa weeye “Alaabtaadaan caashaqay”!

Maalmaha iyo habeenadu wraa is-dhaafayaan, wakhtigu deg- deg ayuu ku socdaa, waxaana aamus iyo dhakafaar ahaynna ma hayaan Faarax iyo Samsam. Labaduba ehaladooda kama war-hayaan mucjisada haysata, marka la soo booqdana qosol iyo farxad aan iaabta jirin ayey ku soo dhaweeyaan, oo lagaraa dareemo dhibka haysta. Samsam iyada waxaa intaas u dheer, weydiimaha kaga imaanaya qoysaskooda, oo ah in uu khayr jiro iyo in kale, markaasey hadal daciif ah ku tiraahdaa “Insha Allah, Alle ayaan ka sugeynaa”. Mar mar ayeyba u sheegtaa in ay shakisantahay, oo uu khayr jiri karo, si ay qalbiga ehelka iyo asxaabtaba u dejiso.

Waxaa-ba Samsam murugo ku sii ridey, gabar ay is- yaqaaneen oo ay isku fil ahaayeen, oo isku mar la guursadey oo, cunugna dhashey midka kalana horay ka qaadday. Gabadhaas ayaa inta maalin u timid Samsam taladaan weydiisey “Abbaayo Samsamey, arrin ayaan kaala tashanayaa. Saygeygii Warsame ahaa, naftiibuu ii keeney. Abbaayooy, wax gacantaydaas la eg ayuu leeyahay, oo aan loo adkeysan karin, oo wadnihii ayuu igu gooyey, waxaa uu taasna uga daray, waa ma dharge ku noqnoqosho badan, oo habeenkii ma seexdo ilaa uu 12 koolbo tuurto, anna naf baan ahay, oo waan u dulqaadan waayey, maxaan sameeyaa, bal ila tali?”. Samsam oo murugadii waayahaan haysay uu hadalkaan ku sii bediyey, oo mar ku sigatay in ay tiraahdo aniga ii soo dir, ayaa si qalbi furan kula talisey gabadhii “Abbaayo Faadumo, waxa aad sheegayso waa nimco iyo wax aan la heii kerine, inta aamustid, oo Alxamdullilaahi tiraahdid, ninkaas fara adag ku qabso”.

Marwo Safiyo oo leh guriga ay kirada ku deggan yihiin lammaanahaan, iyaduna ay qeyb ka deggan tahay, ayaa dareentay murugada iyo dhibka haysta reerka cusub. Waa ay fahantay in ay wax jiraan, laakiin waxaa ay garan la’dahay sida ay wax u jiraan. Waxaa ay bilowday in ay in badan la sheekeysato, si ay wax uga ogaato waxa reerka ku soo kordhey. Waxaa ay la sheekeysataa gabadha, marna wiilka, laakiin waxba waa oga bixi waayeen, iyaduna waa ay isaga gaabsatay markii dambe. Safiyo, waa jeceshahay wiilka iyo gabadha, si gaarana waa ay u tix-gelisaa. Ka sokow, in ay yihiin dad sharaf leh, waxaa ay ogaatay in ay isku qolo yihiin lammaanahaan iyo iyadu, taas oo tix-gelin gaarana ay ku siiso. Safiyo, waxaa ay marar badan is-weydiisaa, nimankii carraurtaan dhalay, oo aan barin abtirkooda iyo jufo- hoosaadkooda midna, ee inta dhalay isaga tagay. Haddii ay abtirkooda ogaan lahaayeen, Safiyo waxaa u fududaan lahaa halka ay isaga soo dhacaan, waxaa ayna garan lahayd, waxaa ay isku yihiin, laakiin hadda “Eeddo” ayey iska tiraahdaa.

Faarax waa wiil wax-si-weydiin badan oo, maskax shiilis iyo talo rog-rog badan. Feker dheer kaddib, waxaa u soo baxay in uusan rajo lahayn, aysanna wanaagsanayn in uu lumiyo mustaqbalka waiaashiis. Waxaa uu soo fekeray, in uu u soo bandhigo Samsara in uu iska fasaxo, isagana uu daawooyin iyo la-tacaal raadsado, iyaduna calaf kale ay raadsato. Faarax arrintaas go’aan ayuu ku gaarey, waxa uuna u yeerey Samsara, isaga oo weydiiyey in ay wax talo ah hayso iyo in kale. Waxaa ay hadal daciifa ku tiri “Abboowe wax talo ah ma hayo”. Waxaa uu u sheegay in uu isagu talo hayo, isaga oo ka codsaday Samsam in ay ku raacdo. Samsara, oo aan sideedii hore ahayn ayaa u sheegtay in ay ku waafaqi doonto wax Allaale iyo vvixii uu xal u arko.

Faarax, waxaa uu marka hore aad uga mahad-celiyey sida wanaagsan ee dul-qaadka leh ee ay Samsam ula duubatay, taas oo haddii ay gabar kale ahaan lahayd, ay mar hore ka tagi lahayd. Waxaa uu u sheegay, in uusan abaalkaas hilmaami doonin, taas beddelkeedna uu gartay in uusan wakhti kale ka laayicin Samsam. Waxaa uu u sheegay, in uusan xaalkiisu dawo deg-deg ah lahayn, sidaas darteedna uu fasaxayo waiaashiis, si ay calaf kale u raadsato, isagana uu u raadsado wax Allaale iyo wixii xal u ah cudurkiisa,

Samsam cabbaar ayey aamustay, oo fekertay. Waxaa dhibaya aqbalka soo-jeedistaan iyo kala tagga ninkii ay adduunka u jeclayd, haddana waxaa ay arkaysaa in raeel la joogo uusan ahayn guriga Faarax oo uusan mustaqbal lahayn. Xoogaa feker ah kaddib, waxaa u soo baxday in ay qaadato talo ay mar hore is-weydiinaysey oo ahayd, arraay ku fiican tahay intaas kaddib in aan la isia sii joogin. Markii ay ingooraale rog-rogtay ialadii, waxaa ay la noqotay in ay qaadato taladaas iyada oo tiri “Abboowe, waxa aan ka xumahay qaddarta dhacday, anigu waxa aan horey u go’aansaday in aanan kaa tagin, oo dhib iyo dheefba kula joogo, laakiin haddii aad garatay adigu, dhib maleh, Insha Allah, haddii aan kala tagno, tii walaaltinimo ayaa sii jireysa.”

Halkaas ayaa talada kala tagga la isku af-gartay, iyada oo mid walba ka xun yahay kala taggoodaas. Laakiin misena waxaa dhib noqotay sidii loo kala tagi lahaa iyo sidii waalidka looga dhaadhicin lahaa kala taggaas iyada oo aysan wax dhiba imaan. Samsam ayaa weydiisey Faarax, sida ay suura-gal ku noqon karto kala taggaan, waalidkana looga dhaadhicin karo, iyada oo aan la ogaanin sababta. Laakiin Faarax jawaabta oo saxa uma muuqan markaas, waxa uuna ku soo gaabiyey jawaabtiisa “Abbaayo aan ka wada fekerno arrintaas”.

Waxaa la qaatay wakhti kale oo dheer, waxaana la isugu yimid goglo fara badan, marar badan, iyada oo laga wada hadlayey arrinta kala tagga iyo qaabka ugu habboon ee lagu kala tagi karo, waaiidiintana looga dhaadhicin lahaa, iyada oo weliba laga qarinayo sababta keentay kala taggaas. Samsam ayaa mar soo bandhigtay talo ahayd, in waalidka loo sheego in la heshiin waayey, dhib baddana ay wada-noolaanshaha kala kuimayeen, ayna wacan tahay, in ay kala tagaan. Laakiin taladaasi waa u cuntami weyday Faarax, madaxa ayuuna ka lulay, waxa uuna u arkay mid aan socon karin.

Bil ku dhawaad oo ay arrintaas rog-rogayeen, ayuu Faarax helay talo uu is lahaa waa wanaagsan tahay. Waxaa uu ku fekeray, in arrinta si saxa loogu sheego waalidka, oo aan waxba laga qarin, si markaasi, si calool-fiyoobi ah arrinta ugu dhammaato. Waxaa uu u yeerey Samsam, oo uu weydiiyey wax talooyin ah oo kale, in ay ku soo dhaceen iyo in kale, waxaa ayna u sheegtay in aysan weli waxba haynin. Markaas ayuu ku yiri “Anaa hayee, waana kama dambeyse, ila qaado”. “Hawraarsan” ayey ugu jawaabtay, waxaa ayna ogeyd Samsam in uu Faarax yahay, nin aragti dheer oo taladiisa aan lagu khasaarin, iyada oo marar badanna horay u soo tijaabisay talooyinkiisa.

Faarax waxaa uu yiri, taladu waa sidan: “Abbaayo, waxaan isku barannay si wanaagsan, waxaa ayna eheladayadu isku barteen si wacan, waxaa fiican in si qumman loo kala tago iyada oo ehaladana si saxa aan wax ugu sheegayno, si hannaan calool-fiyoobi ah hawshaan ugu dhammaato”. Waxaa uu yiri, isaga oo hadalkii sii wata “Aniga weeye ninka dhibaatadu qabsatay, anigana weeye ninka talada kala tagga keeney, Insha Allah, aniga ayaana arrintaas si wanaagsan labada reer uga dhaadhicinaya”. Samsam oo taladaas qallafsan ka yaabtay, ayaa haddana soo dhaweysay, oo isaga raacday. Isla markiiba Faarax waxaa uu guda galay qaban- qaabada shir weyne uu u qabanayo labada cidood, isaga oo doonaya in uu si cad ugu sheego arrinta qabsatay iyo xalka sida ay u arkeen isaga iyo Samsam.

Muddo ayey Faarax ku qaadatay ka fekerka qaabkii uu shir ugu qaban lahaa waalidiinta iyo sidii uu uga dhaadhicin lahaa arrinkaan murugsan, waxaa ayna aakhirkii ku soo biyo-shubatay in uu isugu yeero eheladiisa, maalinta Jimcada ee soo aaddan oo ay ka dhimman tahay lix maalmood. Waxaa uu u tagay reerkiisii, waxa uuna u sheegay in guriga la hagaajiyo, lana sameeyo qado-sharaf wanaagsan maadaama uu casuumayo cidda Samsam. Sababta uu u casuumayo ayaa la weydiiyey, uma se sheegine, waxaa uu ku gaabsaday in uu u baahan yahay in iyaga iyo qoyskiisa ay is arkaan. Arrintaas waxaa ay la yaab ku noqotay qoyska Faarax, waxaa ayna garteen in ay wax jiraan, Faarax-na ka caawin la’yahay in ay ogaadaan sababta kulankaas.

Qoyska Faarax, waxaa ay isku diyaariyeen kulanka iyo casuumaadda qoyska Samsam, waxaa ayna diyaariyeen casuumad qiimo badan iyo fadhi-sharafeed heer sare ah, waxaa ayse ka walaacsan yihiin arrinta la isugu yeerayo iyo sababta loo casuumayo reerka Samsam, laakiin waxaa ay u qaateen marti-sharafeed iska caadi ah oo uu jeclaaday Faarax, misena waxaa ay ka shakisan yihiin in ay wax kale jiraan, maadaama Faarax wejigiisa aysan ka muuqan ashqaal farxadeed.

Dhanka kale, waxaa uu Faarax u wacay reerka Samsam, una sheegay in uu ku casuumay guriga qoyskiisa. Uma sheegin sababta casuumaadda, laakiin waxaa ay u garteen wiilkooda oo sharfaya. Dhawr jeer ayey Samsam soo waceen, oo wax ka weydiiyeen kulankaas, laakiin wax faah-faahin ah oo ku saabsan uma sheegin. Waxaa ayna ku soo gaabisaa “Waa casuumaad ka timid dhanka Faarax, isaga ayaana kolley idiin sheegaya ujeeddada casuumaaddaas,”

Waxaa la gaaray maalintii Jimcada ahayd, waxaa ayna qoyska Faarax gurigooda ku diyaariyeen fadhi-akhyaareed iyo marti-qaaad heer sare ah, iyada oo dhanka kalena ay isa soo diyaariyeen qoyska Samsam, waxaana casuumaaddaas ka soo qeyb-galay abtigeed Qase, adeerkeed hooyadeed qaba ee Maxamed Cali, hooyadeed Xamdi iyo Samsam lafteeda. Markii la wada qadeeyey ayaa gogoshii waxaa soo fariistay Faarax abtigiis Saalax, ayeeydiis Nuurto, awowgiis Qaasim iyo Faarax laftiisa.

Labada qoys waxaa ay u qaateen in casuumaaddu tahay casuumaad qoyskii cusbaa samaysteen oo duco ah, maadaama reerku muddo dhisnaa ilaa iyo haatanna aysan jirin wax saansaan awlaadeed ah. Isla markii-ba waxaa la guda-galay sheeko caadiya iyo is-eeg-eegid, oo warkii meesha la isugu yimid ayaa la iska kala dhawrayaa qofkii furi lahaa.

Xoogaa kaddib ayuu Faarax hadalkii furey, waxa uuna yiri “Salaan kaddib, waxaa sharaf weyn inoo ah, in aan maanta kulan heer sare ah la qaadanno aniga iyo Samsam qoysaskeena Sharafta leh. Waxaan xasuusannaa sidii qiimiga lahayd ee aad uga wada shaqeyseen guurkayaga iyo farxaddii aad nala wadaagteen. Waxa aanan marnaba hilmaami karin, sidii aad noo wada taban-taabiseen oo aad uga qeyb- qaadateen dhismaha reerkayaga. Maanta annaga ayaa isugu kiin yeernay, weliba codsigu dhankayga ayuu ka yimid, waxa aana idin kugu yeerney, in aan idin la wadaagno arrimo nagu soo cusboonaaday oo, xalkooda aan isku af-garanay aniga iyo Samsam, in aan halkaan ku dhammeyno.”

Qoysaska labada dhinac ayaa hadba gees isku dhugta, waxaa ayna la yaabban yihiin hadalka Faarax, iyaga oo ay ula ekaatay in dhib weyni jiro, marna hoos ayey fiiriyaan, marna Faarax ayey wejigiisa ku dhaygagaan. Waxa ay sugi la’yihiin biya-dhaca hadalka Faarax.

Faarax oo hadaikiisa sii wata ayaa yiri “Ehelo, arrintaas nagu soo cusboonaatay waxaa ay ka timid dhankayga, waana mid rabbaani ah, oo aan muddo sannad ka badan xalkeeda raadinayey, laakiin ay ii suuroobi weyday in aan helo, meei kastana waan maray. Arrintaasi waxaa weeye, mashaqo aniga iga soo wajahday dhanka raganimada, oo runtii wax xal ah aan u waayey muddadaas dheer, aniga oo marey meel walba oo suuro-gal ah, oo xal laga raadin karo. Waxa aan tagay Isbitaallo badan, waxa aan la kulmay takhaatiir kala duwan, waxa aan tagay xarumaha daawo-dhireedka, waxa aan wax badan la tashaday wax-sheegyo kala duwan, waxaa kale oo aan tagay Masaajid iyo Mawlacyo badan. Intaas oo dhanna wax xal ah waan ka waayey”.

Inta uu hadaikiisa waday ayaa waxaa amakaag qabsaday dhammaan qoysaskii halkaas wada fadhiyey, qolaba si un ayey mucjiso iyo yaab ugu noqotay. Qolada wiilka, waxaa ay la yaabban yihiin arrinta qabsatay wiilkooda iyo waxaa uu ugu sheegi waayey iyaga, inta uusan maxfalkaan imaan ka hor, si ay xal ugu raadiyaan. Dhanka qoyska Samsam, waxaa ay la yaabban yihiin waxaa ay gabadhoodu u qarinaysay mucjisadaan haysatay muddada sannadka ka badan, waxaa kale oo ay la yaabban yihiin meesha facsharka ah ee uu kaga hadlayo Faarax, arrimo gaar ah.

Faarax waa uu sii watay hadalkiisii isaga oo leh “Waxa aan wada tashanney walaashay Samsam, waxaana isla go’aansannay, in intaas ka badan aysan macquul ahayn, in la isla sii wada joogo, wakhtigana la iska lumiyo. Waxa aan talo ku gaarney, in aan si sharaf leh ku kala tagno maadaama aan si sharaf lah isku guursannay. Waxaan isla meel dhignay, in aan eheladayada aan u bandhigno kala taggaan, oo ay si sharaf leh ku ogaadaan. Sidaas darteed, ayaan isugu kiin yeerney, waxa aana rajaynaynaa in aad aqbali doontaan go’aankaas aan wada gaarnay aniga iyo Samsam, soona dhawaada”.

Cabbaar ayaa la aamusay, waxaana la waayey qof hadalka si deg-deg ah u gala. Waa la is fiir-fiiriyey, iyada oo yaab iyo af-maroojis uu qof walba gees ula yuururo. Haddii cabbaar la is eeg-eegayey, waxaa hadalkii ku dhiirraday, oo soo galay Faarax awowgiis Qaasim, waxa uuna yiri “Horta waxaa ay ku fiicnaan lahayd arrintani, inta aysan go’aan gaarin Faarax iyo Samsam, in ay inoo sheegaan, laakiin hadda weli meel fog ma jirto, waxa aan soo jeedin lahaa, in wakhti nala siiyo, oo aan qeyb ka qaadanno xalka arrintaas, oo aan lagu deg-degin kala tagga iyo furriinka”. “Waxaa jirta waayo-aragnimo dheeraad ah, oo aad u baahan tihiin, oo laga yaabo in aan idinka caawin karno, oo arrimahaas la xariira, marka fursad kale aan isa siinno” ayuu hadalkiisii oga baxay.

Waxaa isla markii-ba ku soo booday Faarax abtigiis Saalax oo yiri “Aniga waxa aan ku raacsanahay aabbe Qaasim taladiisa. Yaanan reerka si fudud lagu bur-burin, xaajadaanna waa ugube, xilli nasiiya aan isku dayno in aan ku xallino arrintan”. Waxa Saalax uu ku sii daray hadalkiisii “Arrinta noocaan oo kale ah, ma ahan Faaraxow wax adiga kaligaa kugu dhacday, mar walba wey dhacdaa, laakiin waa la xalliyaa, in badan ayaan laftaydu arkay dad noocaan oo kale noqday, laakiin la-tacaalid kaddib, caafimaaday oo reerkoodii dhaqday.”

Maxamed Cali oo ah gabadha aabbeheeda labaad, ayaa hadalkii ku soo booday, isaguna isla ra’yigaas ayuu qaatay ahaa, in arrinta la baajiyo, loona baaro xal, maadaama ay maanta ka war-heleen. Hadalkiisii isaga oo wata, ayuu waxaa uu sii raaciyey “Gabadhaan Samsama, annaga ayaa kaxaynayna, inta xaalka wiilku caadi uu ka noqonayo, si wadajir ahna looga shaqeeyo caafimaadka wiilkayaga Faarax”. Xamdi oo dhashay Samsam, ayaa iyadu taladaas mid aan ahayn soo bandhigtay, oo iyadu ka naxsanayd rafaadka qarsoonaa ee ay gabadheedu ku jirtay muddadaas dheer, waxaa ayna tiri “Anigu, waxa aan qabaa in arrinta la dhammeeyo, haddiiba Faarax uu in muddo ah raadinayey daaweyn, asii uu ka quustay. Waxa aan ku talin lahaa, intaas in ka badan in aysan wanaagsanayn in mustaqbalka carruurta la isku sii seejiyo!”

Haddii muddo dhawr jeer ah hadalka la isku cei-celiyey oo, taladiina u badatay in furriinka iyo kala tagga uu soo bandhigay Faarax la joojiyo, arrintaanna xal deg-deg ah loo raadiyo, ayaa Faarax hadalkii mar kale soo galay, waxa uuna yiri “Waaliddiin, i dhageysta, arrintaan waxaa ay ahayd arrin aan aniga iyo Samsam muddo ka fekeraynay. Waa arrin in ka badan 12 bilood aan xalkeeda raadinaynay. Waa arrin ay u maara waayeen dhallinyaro aqoonyahan ah oo magaalo ku koray. Sidaas awgeed, waxaan mar labaad soo jeedinayaa in la qaato go’aankaas”.

Dadkii goobta wada joogey ee xal-raadiska ahaa ayaa mar labaad madaxa ka lulay madax-adaygga iyo go’aan-adaygga Faarax, marka laga reebo Xamdi oo hadalkaas naacow qabow ay ku maraysay, maadaama ay iyadu fekerkaas qabtay. Laakiin wax aan la filayn ayaa dhacay! Waxaa hadalkii soo gashay Samsam, waxaa ayna tiri “Waaliddiin, arrintu waa sida uu idiin sheegay Faarax e, waxaan go’aan ku gaarnay in aan hawshaas dhammayno oo aysan wakhti kale isaga kaaya dhumin, sidaas awgeed, waxa aan si wada jir ah Uf codsanaynaa in aad arrintaas nala dhammaysaan”. Waxaa ay hadalkeedii sii raacisay oo aysan isku ogeyn Faarax “Anigu waxaa kale oo aan ku darayaa, in aan ka tanaasulayo meherkaygii oo aan walaaikey u cafinayo haddii uu heio, si uu isugu daaweeyo.”

Markaan xaajo dhabaqday, goobta dadkii fadhiyeyna waxaa ku yeerey wiish, raadaxa ayaana hoos loo wada foorariyey. Markaan yaa hadalka ku hormaraya ayey taagan tahay. Markii cabbaar la is-fiir-fiirinayey kaddlb, waxaa soo boodday hooyada Samsam, waxaa ayna tiri “Ehelo, xaalka waad arkaysaan, ee ha loo fududeeyo dhallinyarada muddada dheer isku dhibbanayd!”. Waa la wada aamusay, laakiin Faarax ayaa mar kale ku soo laabtay, waxa uuna yiri “Waa sida ay sheegtay Samsam, hooyadeedna ku raacdaye, waxaa loo baahan yahay maanta in aan meesha lagu kala tagin iyada oo aan arrintaan la dhammayn”.

Oday Qaasim oo yaabban, ayaa hadalkii qaatay, waxa uuna yiri “Mudanayaal, bal nasuga, Faarax ayaan si gaar ah u wada hadlaynaaye”, waxa uuna bannaanka ula baxay Faarax iyo abtigiis Saalax, iyada oo Nuurtana daba-gashay, oo baxday – si ay fursad u siiso qoyska Samsam – waxaana laga wada hadlay arrintan Faarax uu ku dheggan yahay.

Faarax waxaa uu si wanaagsan arrinta ugu sharraxay awoowgiis iyo abtigiis, waxaa uu wakhti kooban ugu sheegay sheekadaas iyo intii uu meel maray oo uu xal raadiyey iyo sida ay Samsam ula dhabar-adeygtay. Waxaa uu si cad ugu caddeeyey, in uu isagu wanaagsan yahay, laakiin ay arrinta noocaan ahi dhacdo marka uu damco iyada, taas oo shaki kale ku abuurtay. Waxaa kale ee uu u sheegay, in ay tahay go’aan lagama maarmaan ah furriinkaan, oo ay in muddo ah ka wada hadlayeen isaga iyo Samsam, aakhirkiina ay go’aan ku soo gaareen.

Waxaa ay isku dayeen Qaasim iyo Saalax, in ay meelo badan wax ka tusiyaan oo xal laga raadin karo, laakiin waxaa uu Faarax u sheegay, in uu meelahaas oo dhan horay u soo maray, xalna ka waayey, waxaa kale ee uu u sheegay wixii la- tacaaiid ah iyo wixii talo ah oo kale, in uu ka qaadanayo laakiin uu walaashiis doonayo in aysan wakhti kale uga lumin sugitaanka daaweyntiisa. “Bal na sug Faarax” ayuu ku yiri awowgiis, inta gees ula baxay abtigiis. Waxaa ay ka wada sheekeysteen xalka arrinta kala tagga. Wada hadal cabbaar ah kaddib, waxaa la isla qaatay, in lagu taageero talada Faarax, markii ay arrintaan dhammaatana, Faarax ay la- tacaalaan, oo meel walba la maraan sidii uu ku heli lahaa; daawo ka caawisa caniinimada.

Dhanka kale, waxaa iyana fadhigii hoos iskula hadlayey hooyada Samsam, abtigeed iyo aabbaheeda labaad. Waxaa wax la iska weydiinayey arrintaan, waxaa ayna wareysi ugu dhaqaaqeen Samsam. Waxaa iyaga soo kala dhax-galay walaac iyo talo-isku-waafiqid la’aan. Xamdi iyo Samsam waxaa ay isku raaceen in hawshaas la dhammeeyo, halka Maxamed Cali iyo Qase ay ka labac-labac leeyeen go’aankaas, ayna si xoogaa niyad-jabi ku jirto u soo jeediyeen in arrinta la-xaal-mastuuro. Iyaga oo weli taladii isla meel-dhigi la’, ayaa waxaa u soo galay Qaasim, Saalax iyo Faarax.

Samsam iyo hooyadeed waxaa ay ka naxsan yihiin talada ay la imaan doonaan reerka Faarax, oo waxaa wax walba uga daran reerkii ha la isku sii hayo.

Markii ay soo galeen, waxaa hadalkii galay oday Qaasim, waxa uuna yiri “Walaalayaal, annagu waan soo wada tashannay, wax badan ayaan wax iska weydiinney, waxa aan eegnay wax walba oo xalku noqon karo, waxa aan la tashannay oo aan wakhti siinnay Faarax, waxaa inoo soo; baxday in talada Faarax aan qaadanno, oo aan arrintaan sida lammaanuhu ku soo heshiiyeen u dhammayno”.

Hadal kale cidina ma oran Qaasim dabadiis, oo aan ka ahayn: in taladaas uu odaygu soo jeediyey la qaato, waxaa ayna arkeen cidda gabadha, in aysan hadal kale u oollin oo aan ahayn in ay ku raacaan taladaas, waxaana kulankii lagu soo gunaanadey, in markhaati laga noqdo kala tagga Faarax iyo Samsam oo iyadu aan qaadan wax meher ah maalintaas maadaama ay cafisay, waxaana halkaas ku kala tagay labadii reer oo aan maalintaas faraxsanayn, siyaalo kala duwanna u arkay waxa meeshaas ka dhacayey. Waxaa si gaara isku macasalaamaynayey Faarax iyo Samsam oo cabbaar bannaanka isla taagnaa, taas oo ka yaabisay dadkii halkaas joogey. Waa dad kala tagay, misena isla hadlaya oo isku faraxsan, waxaa ayna arrintaasi noqotay mid aan ka go’in uurka dadkii maalintaas halkaa wada joogey. Halkaasna waxaa ku soo idlaaday jacaylkii iyo guurkii Faarax iyo Samsam.

Faarax maalintaas waxaa ay u ahayd maalin murugo, maadaama ay kala tageen xaaskiisii ay in muddo ahna is- jeclaayeen, xoogaa yarna ay jacayl iyo farxad ku wada noolaayeen. Waxaa ay u ahayd maalin nolosha adduunka si un rajo-xumo uga gashay. Waa uu ka xun yahay arrinta dhalisey kala taggaas, laakiin waxaa hiyi-geliyey, oo marar badan maankiisa ka guuxayey in arrintaani ay ku eg tahay Samsam, maadaama marka uu gabdhaha kale kor ka arko uu u hawoonayo, laakiin marka uu arko ama damco Samsam dabka raganimo uu ka tagayo.

Maadaama arrintaan xal loo waayey, waxaa uu Faarax maankiisa ku sii adkeeyey in ay ku eg tahay Samsam, taas oo keentay in uu ka gaabiyo dadaalkii dheeriga ahaa ee uu kula xiriiri jirey takhaatiirta.

Faarax, shaqadiisii caadiga ahayd ayuu iska sii vvatay, oo uu waayadan dambe ka yara caga-jiidayey, taas oo hoos u dhigtay kororkiisii dhaqaale. Waxaa uu sida oo kale bilaabay in uu waxbarashadiisii sii wato. Waxaa uu mar ku fekerey, bal in uu baaritaanno ku sameeyo arrrintaan yaabka leh ee qabsatay; waxa sababa iyo qaababka looga hor-tago, oo uu raadiyo dad waayo-aragnimo dheer u leh arrimaha noocaan oo kale ah, oo ka-talo-bixiya.

inkasta oo uu gaabis ahaa, Faarax ma joojin xiriirkii ka dhexeeyey isaga iyo Nasiib, oo xitaa intii ay is-qabeen Samsam waa ay wada socon jireen, laakiin dhanka guurka iskuma aysan soo qaadi jirin, sababta oo ah, Faarax waa og yahay in aysan Nasiib guur u soo jeedin hadda, ee ay doonayso in ay dhammaysato Jaamacadda, ay hadda sannadka labaad marayso, waxaa uuna sugayey, bal marka ay dhammayso sida xaalku uu noqon doono. Waxaa uu ku fekeri jirey in uu la guursado Samsam, oo uu Nasiib ka dhigto xaaskiisa labaad, maadaama uu aad u jecel yahay iyaduna jeceshahay.

Maadaama ay isla og yihiin in aan guur laga wada hadli karin ilaa ay Nasiib waxbarashada dhammaysato, ayaa xiriirka labadoodu uusan aad dar-dar ugu jirin sannadkii la soo dhaafay oo dhan. Laakiin isaga ayaa mar mar guriga ugu tagi jiray, lana soo sheekeysan jiray. Kuma aysan soo qaadi jirin, in uu xiriiro kale leeyahay, isna uma sheegi jirin oo, lama raadsan jirin xiriirka iyo guurka isaga iyo Samsam.

Faarax, markii ay kala tageen Samsam, dareenkiisii raganimo hawadaas ayuu u kacay. Haddii uu arko gabar iaamiga mareysa, isma celin karo, tiiyoo ay jirto, ayaa soo-jireen badani u sheegeen, in arrinta noocaas oo kale ah raggu dumarka qaarkiis kala kulmaan, oo la kala burji sarreeyo, markaasuu sii aaminay in ay Samsam wax kale weheliyeen, oo uusan gabdhaha kale arrintaas oo kale kala kulmi doonin. Sidaas awgeed, waxaa uu ku fekeray in uu xiriirka isaga iyo Nasiib ka dhaxayn jirey sii laban laabo, si meel wax la iskula dhigo marka ay jaamacadda dhammayso. Waxaa uu ku bilaabay booqasho joogta ah, wicitaan siyaada ah iyo hadiyado aan kala go’ lahayn.

Muddo wada socod ah iyo jacayl isla jaan-qaadey kaddib, I waxaa ay wada go’aansadeen in ay is-guursadaan marka ay | Nasiib Jaamacadda dhammaysato, taas oo ugu eg laba sanoi

XIRIIRKIIIYO GUURKII FAARAX IYO NASIIB

kaddib. Faarax waxaa uu go’aansaday in uu labadaas sano inta lagu jiro uu waxbarashadiisa sii korarsado, ganacsigiisana sii iaba jibbaaro.

Laba sano kaddib, Nasiib waa dhammaysey Jaamacaddii ay dhiganaysay, waxaa ayna ka keentay imtixaankii dhibco wanaagsan oo aad u farax-gelisay iyada, Faarax iyo qoyskeedii dhammaan. Waxaa uu Faarax u sameeyeey saaxiibtiis casho-sharafyo iyo dabdisyo badan oo uu ku maammuusayey farxadda qalin-jabinta Nasiib. Markii ay dhammaatay farxaddii iyo damaashaadkii qalin-jabinta, waxaa wada fariistay Faarax iyo Nasiib, waxaa ayna ka wada hadleen maareynta howlaha guurka.

Labada qoys ee Faarax iyo Nasiib ma oga xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya lammaanahaan. Labadooda, midkoodna iskuma lurin in uu la wadaago xiriirkaan eheladiisa gaarka ah. Reerka Faarax waxaa ayba aamineen in uu Faarax guurka ka irdhoobey, halka qoyska Nasiib-na ayba horay ugala daaleen in ay dhanka guurka ka fekerto, oo waxa ay u arkeen in gabadhaan waxbarasho keliya qalbigeedu galay.

Waxaa ay isla garteen, gorfeyn dabadeed, in ay bil kaddib meherkooda ka dhigtaan, muddo lix bilood ah – oo ku eg Bisha 12aad ee isla sannadka 2013ka – kaddibna ay arooskooda ka dhigtaan, iyaga oo isla gartay ilaa iyo inta aqal-galkooda laga gaarayo in aan la isku soo dhawaan, la istaa-taaban, lagana dheeraado fara-ka-ciyaar sababa in ay xubnahooda taranku is-gaadaan. Markii go’aankaas la isla qaatay, waxaa ay bilaabeen in uu mid walba arrintaan ku war-geliyo qoyskiisa.

Faarax waxaa uu isku taagey orod, isaga oo u tagay awoowgiis iyo ayeeyadiis, isla markaasna ku taabtay arrintii. Wey soo dhaweeyeen, laakiin waxaa ay weydiiyeen in uu is- hubo oo gabadhaas maskiinta ah uusan guri cidla’ ah geyn sidii Samsam oo kale. “May., maya, waan is-hubaa, oo arrintii oo kale dhici mayso Alle idinkl” ayuu Faarax ugu jawaabey, isaga oo hadalkiisaas sii daba dhigay “Awoowe arrintii waagii, shuush ay Samsam wadatay ayuu ahaa ee anigu awalba caadi ayaan ahaa”.

Haddii uu Faarax caabboon yahay, oo dhag la qabto la’yahay, waxa ay qoyskii isla qaateen in hawshaas horay loo galo.

Dhanka kale, Nasiib ayaa ciddeedii la socodsiisay arrinta guurka, taas oo aad loogu wada riyaaqey, gaar ahaan Nasiib abtigeed, oo markii uu maqlay in uu Faarax yahay qofka ay sheegayso Nasiib aad ugu farxay, maadaama uu ahaa wiil uu aad ula dhacay dhaqankiisa iyo dadaalkiisaba, in muddo ahna uu ku qalqaalinayey Nasiib in ay soo dhaweyso, oo ay aayaheeda la wadaagto.

Markii muddada bisha ah, ee ballantu ahayd dhammaatay, ayuu Faarax isku ballamiyey labada cidood, waxaana lagu kulmay guriga Nasiib, si markaas looga doono ciddeeda. Waxaa dhanka Faarax ka socday awowgiis Qaasim, abtigiis Saalax iyo odayaal kale oo qaraabo ah, halka dhanka Nasiib ay ka socdeen abtiyaasheed oo uu Waayeel ka mid ahaa iyo qaraabo kale oo dhanka hooyadeed ah.

Markii gogoshii la isugu yimid ayaa is-barasho la isku bilaabay, waxaana bilaabay is-barashada qoyska martida loo yahay ee Nasiib oo abtiyaasheeed u badnaayeen. Waxaa ay sheegeen in ay yihiin abtiyaasha Nasiib, iyaga oo intaas ku daray, in aabbaha Nasiib uu maqan yahay, oo uu jiro waddanka Keenya . Qoyska Faarax ayaa iyaguna hadalkii galay, waxaa ayna sheegeen in Qaasim iyo Saalax ay yihiin awoowaha iyo abtiga Faarax, dadka kale ee la socdana ay qaraabadooda yihiin, aabbihiisna uusan hadda joogin Xamar.

Waxaa sida oo kale la iska wareysay qabiillada wiilka iyo gabadha la isku meherinayo, waxaa ayna qolo kasta sheegtay in uu cunuggoodu ka soo jeedo Reer Qansax, waxaana mucjiso noqotay in gabadhii labaadna ay Faarax isku hayb noqdeen.

Faarax, qabiilka Nasiib lagu sheegay wax baa ka raacey, waxaana gashay xoogaa yar oo murugo ah. Waxaa uu soo xasuustay guurkii gabadhii hore ee ay isku qolada ahaayeen, waxa uuna is-leeyahay “Armay tanina, tii hore oo kale kugu noqotaa, maadaama xaalku isku sidii oo kale u eg yahay, oo isku qolo aannu noqonay, aabbayaashana ay wada maqan yihiin, vvaa isla sidii tii hore oo kale!”. Walaaciibaa ku sii batay intii sheekada iyo is-wareysigu socday. Meel laga laaban karo ma leh, waxa uuna is-dhahayaa “Caku adiga! Maxaad gabadha markii hore arrimahan u weydiin weyday?” Laakin haddana waxaa uu isku qanciyaa in arrintaasi ku ekeyd Samsam, xaalka Nasiib-na sidaan uu ka beddelnaan doono. Hoos ayuu ka duceystaa, oo waxaa uu leeyahay “Allow arrintii Samsam oo kale ha igu soo celin.”

Markii wax walba la isku af-gartay, ayaa meherkii si sharaf leh uu ku dhacay, waxaana halkaas si wada jir ah loogu duceeyey wiilka iyo gabadha, in reerkooda Alle raajiyo, ubad khayr qabana Alle siiyo, waxaana maalintaas lagu kala tagay damaashaad iyo farxad guur iyo mashxarad dhan walba ka yeereysay. Waxaa ay si gaar ah farxad ugu ahayd lammaanayaashii muddada isku soo samrayey, jacaylna muddo wada naaxinayey, in ay maanta ugu dhammaato guur iyo reyn-reyn.

Guurkaan uma dhicin sidii kii Samsam oo kale, oo meherka iyo arooska w7axaa u dhexeeyey ilaa muddo lix bilood ah. Waxaana arrintaa in ay sidaa u dhacdo keentay Nasiib oo tababarro gaagaaban qaadanaysay iyo Faarax oo dhaqaale aruursi galayey. Sidii lagu ballamey, Faarax lacag raadin iyo kaalo aruusi ayuu galay, Nasiibna si deggan ayey ku bilowday tababarro la xiriirey maaddooyinka ay Jaamacadda ku soo baratay.

Faarax, maalinbaa waxaa qalow ku soo tiri in uu isa sii jitaabiyo inta goori goor tahay, oo Nasiib inta u wacdo la fara-ciyaaro. Markaasuu inta Nasiib ugu yeerey guri will saaxiibkiis ah uu iskaabulo ku ahaa, markii ay u timid, oo la* is-wareystay kaddib, inta u soo dhawaadey isku dayey in uu istiimiyo, markaasey inta ka carartay ku tiri “Walaal Faarax, ma waxaad iigu yeeratay in aad kor-iyo-hoosba iga salaaxdo, oo aad dabadeedna inta dhacanta jabisid aad xoolahayga ku dhex dhacdid!? Miyaadan ballanta iyo wacadka aadan aqoon? Soo kumaannaan heshiin, in aannaan is-taaban oo aannaan isku soo dhawaan inta aan aqal-gelayno? Haddii aad sidaan s wacadkii iyo ballantii uga baxdid, sidee baan kuu aaminayaa hadda kaddib?”. Faarax hadalka Nasiib waa ka murugooday. i waxa uuna ka tirtiray waswaaskii maankiisa qasay. Inta uu raalli-geliyay Nasiib, oo xaal-mariyey ayuu si wanaagsan u soo sagoontiyey.

Faarax, xiriirka isaga iyo Nasiib ka dhaxeeya iyo guurkaba kama qarin marwadiisii hore ee Samsam. Waxaa uu mar walba la socodsiin jirey xaalad kasta oo naftiisa la soo derista. Marka ay weyddiiso xaaladdiisa caafimaad, waxaa uu u sheegi jirey in ay soo hagaagayso, laakiin uu u baahan yahay qof kale oo uu isku tijaabiyo, sidaas darteedna uu xiriirkaan u sameeyey.

Samsam aad ayey arrintaas u soo dhaweysay, laakiin shaki hoose, oo waxaa ku jira ah, in uu mar labaad fashilmo saaxiibkeedii qaaliga ahaa. Mar marna maseyr ayaa gala, oo’ waxaa ayba is-weydiisaa “Waxaa uu adiga kuu waayey halkee gabadhaan uga keenayaa? Ammay ahayd arrin uu doonayey in uu adiga kugu diro?*. Waxaa ayse isku qancisaa in aysan macquul ahayn, in uu sannad ka badan ag jiifo iyada oo og; jacaylkii uu u qabay. “Waxaa laga yaabaa in uu gadaal Alle uga gargaaray oo uu caafimaad ka helay” ayaa mararka qaarna ku soo dhaca, oo uu qalbigeedu ku degaa.

Samsam iyadu waa ay jeclayd in ay guursato laakiin shaki weyn ayaa ka galay guurka, waxa ayna ka baqeysey in ay ku dhacdo mar kale dhibaatadii horay u soo qabsatay oo kale. Laakiin goor dambe ayaa waxa ay is-barteen will dhallinyaro ah, oo aad u soo jiitay oo ay iska heleen. Samsam oo utun hore qabtay, ayaa waxa uu wel-wel ka hayey in uu wiilkaan ka shaqeyn karo iyo in kale. Waa gabar dhawrsan oo fal-fal- xumo, falaad iyo fara-fareyn ma taqaan, ay ku ogaan karto in uu wiilkaani ruxi karo iyo in kalee, laakiin hadda ka hor ayey mar iyada oo dusigii sare dhigata, waxa ay aragtay gabdho isha ku xadayey, oo ku qoslayey wiil meel gaar ah la taagnaa gabar ardayad ahayd, oo intii ay gabadha wada sheekeysanayeen inta dareenkiisii kacay, bahalkiisii oo gacantaas le’eg sirwaalkiisii soo jiiro rabo, oo isna uusan iska war-qabin.

Iyada oo taas maanka ku haysey, ayey markaas waxa ay bilowday, bal in ay wiilkaan qishto oo ugu yaraan marka ay is-shukaansanayaan fiiriso, bal in labadiisa lugood dhexdooda ay ka dareento ammuur dhaqdhaqaaqaya, mise ma leh, laakiin miskiintu ma oga, in ay dhallinyaradu waayadan il-baxeen oo ay barteen candho-ceejiye aan oggolaaneyn in uu cisaiku madaxa la soo kaco!

Iyada oo u malayneysay in uusan waxba isku hayn, ayey misena maalin weydiisey, in uu horay u soo guursadey iyo in kale, markaas buu u sheegay, in uu soo guursadey gabar ay is qabeen sannad iyo badh, oo ay kala tageen. Kolkaasaa waxaa ku soo dhacay qisadii iyada iyo Faarax. Maba weydiin sababta ay ku kala tageene, waxa ay u qaadatay in ay tii oo kale ay ku dhacday, oo uusan waxba isku heyn, dabadeedna teleefoonkii ayey ka dansatay.

Maalin jimce ah iyada oo xaafaddeeda dhex mareysa, ayey aragtay nin xaasle ah oo xaafadda degganaa oo ay taqaanay, oo qamiis bilaa kastuumo ah qabay, oo ay walfanaysey dhalfadiisii, markaas ayey inta ka libiqsan weyday, oo dhareer ka soo daatay, niyadda iska tiri “Allow yaa kan guursada!”.

Arrintani waxa ay ku kalliftay, in ay ka niyad go’do dhallinyaro oo dhan, oo waxa ay hadda raadisaa oo keliya, nin ay hubto oo ah xaas-le carruur soo dhalay, kaas oo ilaa iyo hadda aysan fara-ku-dhigin.

QEYBTA AFARAAD

HANUUNKII DHIMBIL IYO HAWEENKII ISLAAMKA

Dhimbil, markii uu in muddo ah rafaad adduunyo oo aan meei looga ur-baxo lahayn uu dhex dabaalanayey, si kasta oo uu sameeyeyna waxba u hir-geli waayeen, oo uu dar- xurao, laab-jab iyo quus darteed bad-weyntu la caaridey, ayaa maalin maalmaha ka mid ah, Rabbi towfiiqda ku soo duwey.

Isaga oo dukaafad qashin qub ah, oo reera muskood ah, oo uu xalay ku dhacay, inta ka soo toosey ayuu ku waabariistay ciyaal ku ciyaaraya, oo qaarkood biyo ku sayrinayeen. Inta meeshii ka kacey oo jafjaftay ayuu meel darbi ah jardiinkeed fariistay, markaasuu su’aalo badan is-weydiiyey. Waxa uu eegay halkii uu ka soo kacay iyo sida uu ekaaday. Waxaa uu dib u raacey raadkiisii hore; laga soo bilaalo qaxii Xamar ilaa iyo hadda, waxa uuna arkayaa in uu dadaalay laakiin wax kale ay jiraan.

Waa uu fekerey oo, maskaxsiidii ayuu rog-rogey. Waa ay u muuqaneysaa in aysan talo ahayn noloshaan derbi-jiifka ah iyo balwaddaan ninkeed-dishada ah. Waxa uu hadba talo gorfeeyaba, waxaa ugu dambeyntii u soo baxday, in aan adduunkaan-ba – wixii hadda ka harey – sidii uu rabo uusan ka helayn, is-raacsiin dambana waallidaan mooyee aysan waxba ka soo raaceyn. Waxaa uu goostay in uu aakhiro xasuusto oo uu Diinta Islaamka barto, isla markaasna Masaajidka uu ku aruuro. Si taasi ugu suuro-gashana, waxaa ay la noqotay in uu inta ku laabto, uu ka Xereysto Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab, gaar ahaan Xagardheer, halkaasna uu noloshiisa inta ka dhimman uu ku qaato, inta uu waddankii Soomaaliya ka xasilayo.

Kama laba-labeyne, waa uu ka soo dhaqaajiyey Nayroobi, waxa uuna soo istaagey xerada Xagardheer ee Dhadhaab. Sidii uu ku soo tala-galayna, waxaa uu isla markiiba ku biirey Malcamad, waxa uu sidaa oo kale galay Masaajid uu markaas ka bilaabay in uu Kitaabbada ka raacdo. Runtii aad ayey u soo dhaweeyeen wadaaddadii baraarugga, aad ayeyna u gacan-qabteen, oo quud iyo qaaraanba waa la garab-galeen. Toddobaadyadii horeba, waxaa soo galay iimaan uu ka dheefey bilowgii barashada Qur’aanka iyo ku taxnaanta Masaajidka iyo khayrka. Waxa uu ka go’ay qaadkii, sigaarkii iyo baiwaddii oo dhan. Waxaa uu galay nolol macaan oo raaxa leh, waxa uuna u dhexeeyey guri uu soollane ku ahaa, Dugsiga Quraanka iyo Masjidka.

Hadda waa liibaaney, waxaana soo laabtay muuqiisii iyo midabkiisii saxda ahaa, waxaana ka muuqda deggenaan, nafis iyo qanaaco. Waxa uu noqday wadaad ay weliba ka muuqato sunnadii, isaga oo ku labbista qamiis hoos ka gaaban, koofiyad cad iyo cimaamad guduudan, waxa uuna gacanta midig ku qaataa kitaab baal-cad. Waxa uu la baxay gar dheer, isaga oo shaarubkana xiira. Jeebkiisa lagama waayo cadey, Xabbad-Sowda iyo Malab, isaga oo rukuntay Xulbad iyo Xiidiid iyo subagga wananka jabsaday. Cuntada, haddii uu waayo Kirish-oo-mirish xiidmo ku duuban yahay, ma riiqo hilib aan baruur lahayn. Ma aqaan duulal iyo waxa uu qabi jiraye, shaahu haddii uusan dhireysneyn, oo qacda horeba caraftiisu aysan qaadin, kuma saqajaamo.

Markii uu xoogaa xaddiisyo ah iyo ayaado Qur’aan ah xafidey ayuu bilaabay in uu waajibka saaran uu guto, oo uu wacdiyo dadka oo uu dacwo-shaaricyo qabto, waxa uuna dadka kala hadlaa wax-yaalaha munkaraadka ah. Meesha uu ka qalin- daartay ayaa saas ahayde, waxaa uu dad ugu nicib yahay Culimada Suufiyada, waxaa uuna u arkaa dhaqankoodii oo dhan khuraafaad, kitaabbada ay akhriyaanna waxa uu ka aamisan yahay in ay yihiin farac aan asaika raad ku lahayn. Haddii uu arko wadaad suufiya oo raeel fadhiya, haadku ugama soo dego, oo muran iyo qabqab ayuu la galaa. War si kale kuma garatide, haddii uu Shiikhaan cusub tegi lahaa Galgaduud, waxa ay reer Galgaduud ku xaman lahaayeen in uu yahay “Bidci ay qoyan tahay shaabbaddii uu Hanferi gadaal uga soo dhuftay”.

Waa nin sidii uu Malab, Xabbad-Sowda, Xulbad iyo Xildiid isugu wadey nololi soo gashaye, waxaa kaa-kacdey shahwo kal hore ku qallashey, waxa uuna arkay isaga oo xakameyn waayey dareenkiisii. Waa nin ay hadda hawo dumar iskala aalli waayaye, waxa uu ka fekeraa sidii uu gabdhaha asturan uga dhex qaraaban lahaa maadaama uu niceb yahay kuwa caariyaadka ah, laakiin misena weligiis gabar wadaad ah lama sheekeysan, mana yaqaan habka loo xod-xodto e, waxa uu markaas bilaabay in uu u dhabba-galo qaabka guurka wadaaddada. Waxaa uu arkay dhallinyarada wadaaddada ah oo iyaga oo aan waxba haysan iska guursada, oo ayaan kasta hadba aroos gala. Waa uu la yaabey, waxa uuna wareysi ugu dhaqaaqey dhallintaas wadaaddada ah.

Koox wadaaddo ah oo Masjidka afaafkiisa xilqo u fadhidey ayuu ka wareystay arrimaha guurka. Inta soo dhaweeyeen ayey si fiican uga sheekeeyeen gabdhaha walaalaha ah ee muxajibaadka ah; wanaaggooda iyo qaabka loo guursado.

Iyaga oo wax-yaalo badan tusaaleynayey ayaa waxa ay hadalkii nuxurkiisii ugu soo koobeen sida tan “Akhii Shiikh Dhimbil, horta gabdhaha Muslimaadka ah ee maqabiyaadka ah, guurkoodu waa fudud yahay, oo shuruud ma leh, oo xitaa shukaansi uma baahna. Markii wadaad aad rabtid aad la kulantid, waxa aad ku leedahay oo keliya ukhti naftaa ku jeclaatay. Waa ay ku fahmaysaa kuna soo dhaweyneysaa, markaas waxa aad ka wada hadlaysaan qaabka guurka. Markii aad isku-fahantaan, waaridkeed ayaad ka dooneysaa. Haddii waaridku ay diinta yaqaanaan wax shuruud ah kugu xiri maayaan, haddii ay yihiin caamo gabadhaha iibsata, oo ay kugu adkeeyaanna, u joojin meyside, adiga ayaa iska mehersanaya, iyaga oo indhahoodu shan yihiin.

Meher dhaqaale badan kugu xiri mayso e, Kitaabka Qur’aanka ah ayaad ku xalaalaysaneysaa. Markii aad guursato, aroos uma baahnee waxa aad u galbisaneysaa – adinka oo haddii aad rabtaan lugeynaya – qolka aad hadda deggan tahay, waxa ayna kugula jiifsaneysaa waxa kuu yaal – waa dar Alle iyo derinta e – waxa aad hesho ayeyna kula quudaneysaa. Haddii aad nacdid, waxa aad ku leedahay ukhtii naftiibaa ku nacdey. Inta wixii ay la timid qaadato ayey ku leedahay, akhii Allaha adna guur ay naftaadu ku qanacdo ku siiyo anna sow] kale ii sahlo, cafis ayeyna kaa weydiisanaysaa wixii gef ah ee ay kuu geysatay intii aad wada nooleydeen.”

Ninkii Dhimbil ahaa inta yaabey, oo fajacay oo u qaadan waayey, ayuu waxa uu wadaaddadii ku yiri “Akhwaanii waad mahadsantihiin, wax aan caadi ahayn ayaad ka sheekeynaysaan, haddii aan sidaan ogaan lahaa waa hore ayaan culimada ku soo biiri lahaa!”.

Dhimbil, warkii wadaaddadii waa ka helay, waxa uuna bilaabay in uu goobto gabdhaha xijaaban, sababta oo ah, Shaydaankii isha caddaa ayuu ka nicib yahay gabdhaha caariyaadka ah, qurux kasta oo ay leeyihiin. Laakiin odaygu ma oga in waayadaan dambe, gabdhuhu -noocey doonaan ha ahaadeene -xijaabka wada qaataan. Maba ka war-qabo oraahda caan-baxday ee ah “Indha qariso, shansho feyddo”. Gabadhii indha-shareer qabtaba wadaad ayuu u maleeyaa, markaasuu la-galaa erayga ukhtii naftaa ku jeclaatay iyo erayo kale oo carabi u badan oo xilliyadan dambe afkiisa aad ugu batay. Kolkaasuu dhawr jeer la kulmey gabdho indha- shareeran, oo inta is-fahmi waayeen balaayo kala raacdey, maadaama ay ahaayeen gabdho YooYoo ah, laakii indha- shareerkaas u xirtay dano iyaga u gaar ahaa.

Waa dambe oo uu wareerey ayaa wadaaddadii saaxiibadiis ahaa – oo dhibaatada qabsatay uu la wadaagey – u sheegeen in indha-shareerka la wada xidho, laakiin gabdhaha wadaaddada ah ay kaga duwan yihiin kuwa indha-shareerka jaakiraadda iyo qishka u qaata, dhanka xijaabka. Kuwa wadaaddada ah waxa ay qaataan xijaab karbaash ah, oo jirkeeda meelna uusan ka sawirrai kareyn, oo misena dhulka xaaqaya, halka kuwa kale ay ka qaataan xijaab jilicsan oo moodo/faashiyoon ah, oo ku dheggan, oo gaaraya ilaa iyo barida iyo goonno fudud oo nab ku ah ama mid khafiif ah oo qeybaha dambe shabaq ku leh, taas oo ragga dumarka fiir- fiiriya ay isha kaga raaxeysan karaan. Dhimbil waxaa isla markiiba shaki uu ka galay naag Karbaash qabta sida uu muuqaalkeeda ku ogaan karo, taas oo ay wadaaddadii ka shaafiyeen, una sheegeen in gabadha markii uu la sheekaysanayo, marada meelo iska feyd uu dhihi karo, iyadana ay yeeleyso.

Isaga oo markaan wax badan ay u baxeen, oo sidii naaga- goob u ah, ayuu maalin gabar yar oo wadaad ah, oo jirtay 19 sano, oo aan weli la-food-goyn la kulmey. Inkasta oo uusan muuqaalkeeda duleed la dhicin, haddana waa wadaad ay ku gorortay, oo gabdho kale goobiddood kuma simi karto. Waa ay is fahmeen markii ay afka akhwaanka iskula hadleen. Sheeko-dheer maba jirine, ciddeeda oo dad wanaagsan ah – oo ay gabadhu hore u soo tallaashey – ayuu ka doontay, taasoo ay iyaguna si sharuud la’aan ah ugu meheriyeen.

Qolkiisii yarka ahaa oo shumac iyo laba joodari oo cusub iyo dhawr shay oo maacuun ah lagu soo siyaadiyey ayuu inta la degey, waxa uu bilaabay in uu la biqleeyo wadaaddii dhasha ahayd, waxa uuna isaga rogey xammuulkii dhabarka ka saarnaa oo uu waayadan la dhaqaaqi la’aa, iyana waa ay moqor dheerayde, qalab-dameerkii uu walwaalayey raaxo iyo baashaal wax aan ka ahayn karna qaadin.

Markii horeba qaab-dhismeedka kuma jacsaneyn, oo waxa uu is-lahaa qoftaan ayaan ku qashar-baxe, markii uu muddo dhawr bilood ah uu haystay ayey u soo urtay. Sida uu xeerka xarakadu ahaa, ismaba dhibine, inta siiyey Kitaabkii Qur’aan ahaa ee uu ku mehersadey ayuu gabadhii ku yiri “Ukhtii Xaddiyo, waan ku furey, wax kalena ma jiraane, ukhtii naftaa ku nacdey”. Iyada oo arrintaas filan-waa ay ku noqotay ayaa si qalbi-jabi uu ka muuqdo u tiri “Akhii, maxaad tabtay oo aad igu dhibsatay, ha I furin akhiiyoow, waxa aad rabtid oo dhan, oo gabar raalliyo ah laga rabo waan kuu sameynayaaye, ii sheeg khaladkaan galay, waan beddelayaaye. Akhii, waan ku jeclahaye, oo waxa aad I bartay meel kale kama heli karee, akhiiyow ka laabo furriinkaas”. Maba naxayee, waxa uu ku yiri “Ukhti, qof kaa wanaagsan wallaahi ma arag, oo kaa raalliyeysan, laakiin ukhtii, maxaan sameeyaa naftiibaan ku oggoleyne”.

Cabbaar ay wada hadlayeen, oo iyana ay cataabeysey, isna fursad siin waayey, waxa ay howshii ku gebo-gebowdey in uusan ku noqon. Halkaas ayeyna ukhtidii xafashkeedii ka guratay, iyada oo ka xun furriinkaas, kana samri la’ dhadhamadii uu barey iyo jugeyntii joogtada ahayd ee meelaha fog soo xogaysey!

Dhimbil, markii uu laba iyo saddex gabdhood oo wadaaddo ah ka tuurey, ayuu ku il-baxay dhaqankaan cusub, waxa uuna bilaabay in uu suul-jaawiyo, oo uu howlihiisii waayo- waayo dib ugu laabto!

Isaga oo ugaarsanaya, ayaa maalin isaga oo meel dugsi Quraan ku yaalley ag marayey, waxa uu arkay gabar 17jir ahayd, oo markii indha-shareerkeeda uu indheheeda iyo sankeeda ka dhex arkay uu qiyaasey in ay qurxan tahay, isaga oo markii horeba la dhacay dhirirkeeda. Xiriirro uu la lahaa gabdho kale oo wadaaddo ah ayuu inta goobtay, ka codsadey bal in ay gabadhaas uga soo warramaan. Markaasey inta raadiyeen uga warkeeneen gabadhii, waxa ayna u sheegeen in uuba dhalay Shiikh Maxamed, oo masaajidka uu ku xiran yahay ku taxan. Shiikhii ayuu inta raadiyey gabadhii weydiistay. Waxa uu ahaa wadaad jecel culimada e, maba dhicine waa soo dhaweeyey. Inta wadaadkii gabadhiisii u tagay ayuu u sheegay in uu Shiikh la yiraahdo Dhimbil ku darayo. Waxa ay ahayd wadaad, misena dhal culimo ehe, abbaheed war kuma soo celin, markaasaa lagu xidhey Shiikh Dhimbil.

Dhimbil, waxa uu reerkii iyo gabadhiiba ka codsadey in uu gabadha guri geysanayo 10 beri kaddib. Waxa uu sidaas u sameynayey, waxa ay ahayd, waxa u joogtay qolkiisii yaraa wadaad xogaa yara weyneyd, oo xasul kuus ah, oo salka iyo dhexdaba u ballaarneyd, oo uu soo guursadey saddex bil ka hor, waxa uuna doonayey in uu inta furo, uu middaan qolkii geysto. Isla muddadaas uu qabsadey gudahood ayuu middii guriga u joogtay kaga takhalusey, inta ku yiri “Ukhtii Xabiibo, naftiibaa ku nacdaye, waad iga furan tehee, guriga ii firaaqee fadlan”.

Markii uu qolkii ka soo hurguftay ayuu gabadhii reerkii ka soo kaxeystay, markaas ayuu geeyey qolkii oo uu u yaalley aqal lac ah, oo uu horay ugu soo gaday middii weynanka badneyd, labacda ahayd ee jirkeedu laalaabka badnaa ee uu 10 beri ka hor furey. Halkaas ayuuna ku galay damaashaad kale.

Waa nin aan balwad kale lahayn, oo aan fadhi-ku-dirir iyo meelo kale aadine, waxa uu u dhaxeeyey masaajidka iyo gabadhaan. Inta yar ee uu masaajidka jiro mooyee, inta kale gabadhaan nacnaca ah ayuu dul yuururaa. Toddobaadkii koowaadba, gabadhii waa kici weyday, sababta oo ah, sidii uu u garaacayey buu salkii ka ridey. Toddobaad-yadii kale ee xigeyna, dadkii oo dhan ayaa dareemey in ay miskihii kala dhilqadeen oo ay luujo yeelatay. Wadaaddaan oo la yiraahdo Suubban, runtii waa u adkeysan weyday ninkaan iyada shaqada ka dhigtay, ee aan daaleyn.

Sidii naag wallacsan oo kale, matag ayaa ku soo joogsada markii uu u soo uro shiirka iyo shurufka Xulbadda, Xildiidda iyo Xabbad-Sowdada Dhimbil jirkiisa ka soo kakamaya, oo qolka oo dhan hal mar wada saaqda raarka uu soo galo. Inkasta oo ay yar tahay, cilmi-dhagood kuma yara e, waa og tahay in Xuibadda, Xildiidda iyo Malabku ka qeyb-qaateen musiibada haysata. Dhawr jeer oo ay damacdey in ay muddaawaadkaas ka goysana waa ay ka samirtay.

Si ay iska yeesho markii ay aqoon weyday ayey go’aansatay bal in ay iskala hadasho, waxa ayna habeen ku tiri “Akhiiyoow, waxa aan kaa codsanayaa in aad hal shey ii sameysid. Akhiiyow, waxa aad ii dhibtay galmadaada aan kala joogsiga lahayn, xanuun badan ayaana hoos ka dareemayaa. Akhiiyow, Allaha khayr ku siiyee, waxa aan kaa codsanayaa, bal in aad iga kala yareyso, oo halka habeenkii iyo maalintii aad ii tagtid 12ka jeer aad iiga dhigto lix goor”. Suuye “Ukhtii, maxaa kugu dhacay, adigu gabar yar baabad tehee, intaas ka badan ayeyba gabdhuhu jecel yihiine, adiga ma dareen la’aan baad tahay. Ukhtii, waa igu dhib in aan ka dhigo inta aad sheegaysee, waxa aan kaa dhimayaa saddex, oo waxa aan kuu tagayaa habeenkii iyo maalintii sagaal goor iyo marmarka aan adkeysan waayo”. Inta is tiri “Intaanba waa nafis iyo naruuro” ayey tiri “Haye”. Laakiin sidii ay ballantu ahayd uma sameyne, inta is illoobo, ayey mararka qaar aragtaa isaga oo intii hore ku sii dhaw ama sii dhaafi raba!

Suubban waxa ay xaqiiqsatay markaan, in uusan wadaadkaan ballan iyo gorgortan arrintaan ka geli karin, isla markaasna niikadiisa rakaadka ah iyo lugtiisa saddexaad aysan u adkeysan karin, waxa ayna ka fursan weyday in ay arrintaan dumar kala tashato. Inkasta oo ay ka xishootay in dhibaatada haysata ay waaridkeed u sheegato, laakiin gabdho wadaaddo ah oo saaxiibbadeed ah ayey ku xan-qarsatay, markaasey in ay uga garaabaan iska daaye, waxa ayba aragtaa waxa ay ka cabaneyso kuwo u haamaansanaya, oo jecel in ay sheekadaas ku cel-celiso iyo kuwa kula taliya in aysan fursadda dahabiga ah ee ay haysato iska lumin.

Iyada oo u dhaw in ay isku furanto, kana quusatay socod dheer, ayey maalin ia hadashey gabar walaalsheed ah oo Yurub joogta, oo ay wax walba uga warrantay, markaasey f inta ka naxdey walaasheed, oo yaabtay, kula talisey in ay ka I soo cararto Malakul-Mowdkaas, iyada oo aan cidna u sheeginna Nayroobi ay timaaddo.

Maalintii ku xigtayba ninkeedii oo salaaddii duhur ku maqan inta dharkeedii aruursatay ayey ka carartay oo ay isku sii deysey Nayroobi inta gaari ka raacdey Xagardheer, iyada oo muddo yar kaddibna ka sii aaddey Suudaan, halkaasna inta ka sii tahriibtay, Boqortooyada Ingiriiska ka sii gashey. Ayaan dambe ayaa Suubban waaridkeed ka furteen Dhimbil, kaddib f markii Suubban oo Ingiriiska joogta ay qoyskeeda ku cadaadisey.

Suubaan, iyada oo horay u sasneyd ayey waa dambe waxa ay maqashey oraah dhaheysey wadaad waa nin, markaasey- inta oraahdaas u qaadatay in wadaadku ragga kale ka khatarsan yahay, ayey aw-cimaamadle iyo koofile oo dhan ka qawaaftay!

Markii arrintii ay Suubban la-carartay ay shaac noqotay ayaa gabdhihii wadaadda ahaa oo dhan saf u soo galeen Dhimbil, sidii ay mid walba u lahayd waxa ninkaas ay gabadhu uga carartay aad aragtid. Markaasuu isna waxa uu bilaabay in uu beerka ka wada cakiso.

Halkaas ayey uga bilaabatay tamashleyn guur oo ka macaan kii beri-samaadkii uu samayn jirey, waxa uuna dhawrkii: biloodba galaa aroos qiima jaban, oo si fududna uu ku guursado si fududna uu isku dhaafiyo, markaasaa bataashka uu ku jiro darteed, inta guduutay ayuu dhogor-dhacsadey. Illeen guurka gabdhaha yar-yar waa daawo qarsoon oo u dhow in ay xitaa gabowga baajiyo!

Isaga oo nimcadaas iska daaqaya, barwaaqadaasna iska dhuuqaya ayaa ayaan uu iska cosobsanayey, maalin isaga iyo laba wadaad oo kale inta dool ku tageen xaafad ka mid ah Xagardheer oo ay dacwo-shaaric ku soo qabanayeen, ayuu halkaas ku soo arkooday gabar qoor ahayd oo tiirkaas la’eg, dabadeedna uu ganta soo surtay. Waxa ay ahayd gabar wadaadnimada ku cusbayd oo mar dhow xaqa fahantay, oo 21 jir mar guur soo martay ahayd, lana baxday Uramu Axmed. Waa gabar manhajka ku cusube, waa ay la fahmi weyday markii hore qaab-shukaansiga wadaaddeed ee uu ninkaani isticmaalayey. Laakiin mar dambe oo uu isagu ogaaday qoftaan in ay saxwada ku cusub tahay ayuu sheekooyinkiisii hore xoogaa ka soo amaahday, markaasey inta is-fahmeen, aad isugu baxday.

Dhimbil markii hore waa uu ka helay qaab-dhismeedkeeda jireed, laakiin markii dambe oo ay indha-shareerka iska feyddey si uu u arko wejigeeda, ayuu markii uu fiiriyey ku qanci waayey sida uu u yaallo, sababta oo ah, waxa ay ahayd qof weji kubbad ah leh, indho yar-yar, koodad kuukuusan, kamas leh, san-ku-dulweyn, oo misena qal dheer, laakiin aad buu u macyahay qaab-dhismeedkeeda kale. Mar ayuu is yiri “Qoftaan inta iska guursatid weligaa indha-shareerka ha iska bixin ma tiraahdaa”, laakiin misena waa geli waydey taladaas, waxa uuna go’aansaday in uu iska daayo xiriirkeeda.

Ma taqaan erayga Ukhtii naftaa ku nacdey iyo erayo- wadaaddeedka kale ee dumarka la isaga reebe e, liifadda ayuu u gaabiyey, waana joojiyey la xiriirkeeda, laakiin iyadiibaa nafteedii raacday oo ka hari weysey. Ayaan markii uu ku wareerey la soo xiriirkeeda, oo si uu sameeyana uu garan waayey ayuu -xariif hore buu ahaaye – u dagay jar uu isaga reebo. Waa yaqaan shayga rag iyo dumar xiriiriye e, halkaas ayuu ka abbaaray.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu gurigeeda ugu tagay, oo sidoodii wada fariisteen ardaaga guriga. Markii xoogaa la wada joogay ayuu u sheegay qiso ku dhacday oo uu muddo ka qarinayey, waxa uuna ku yiri “Ukhti, Umu Axmed, runtii qof sharaf leh ayaad tahay oo aan jeclahay, laakiin waxa jirta arrin aan ka baqayo in aad iiga tagto haddii aan kuu sheego”. Inta hadalkii ka dhex-gashay ayey tiri “Akhii, wallaahi si dhab ah ayaan kuu jeclahay, wax walbana jacaylka aan kuu qabo ayaa igu kallifaya in aan u dul-qaato, ee ii sheeg arrintaas”. Inta hadalkii ku soo laabtay ayuu ku yiri “Waad ku raahadsantahay ukhtii, waxa aan doonayo in aan kuu sheego waxaa weeyaan, dagaalkii Xamar ka dhici jirey 1991kii ayaa maalin aniga oo raarayey is-goyska Hawl-wagaad, xabbad wiifta ah igu dhacday. Xabbadu meel kale iigama dhicine, waxa ay iga gaartay xubintii taranka, oo qalabkeygii dhirirka badnaa ayey bar jartay. Marka, maalintaas ayaa iigu dambeysey cisal kacsada. Hadda waa meyd oo kale oo kaadida keliya ayuu mululuq siiyaa. Qof aan la sheekeysto adiga ayaa iigu horreysey, intii ay arrintaani igu dhacday, marka waadayan oo dhan waxa aan isla lahaa armuu xitaa xoogaa yar dhaq-dhaqaaqaa, laakiin rna leh, marka waana ku « jeclahay, arrintaasna waa I haysaa, ee sidaas ma igu qaadan kartaa, kolley nin xariif ah ayaan ahay oo qaabab kale oo aan kugu qancin karo ayaan sameyn karaaye?”.

Inta gacanta afka dul marisey, oo asiga oo arkaya is- beddeshey ayey tiri “Alle akhii, wallaahi waa musiibo, laakiin waa qaddar Rabbi keenay, oo in lagu samro mudan. Akhii, anigu waan ku garab-galayaa, jacaylkaanna waan kula wadayaa”. Markii uu hadalkii u dhammaaday ayaa la kala tagney iyada oo farxaddii uu uga tegi jirey aysan ka muuqan. Maalintaas wixii ka dambeeyey, teleefoonkiisii ma aysan soo garaacin, taleefoonkeediina kama aysan qaban.

Markii uu ayaan waayey ayuu isagu gurigeedii aadday. Markii uu tagay ayuu albaabkii garaacay. Waxaa ka furtay gabar walaasheed ah oo ka yar, oo horay dhawr jeer uga furtay. Waxaa uu yariistii ku yiri “Ummu Axmed ma joogtaa?”. Ileen Ummu Axmed meel albaabka u dhaw ayey dhar ku war- waraneysaye, markii ay hadalkiisii maqashay ayey gabadhii oo u dhaweyd ku tiri “Naa ma joogto dheh” iyada oo hoos u hadlaysey, laakiin uu maqlayey, markaas ayey gabadhii, Dhimbil ku tiri “Ummu Axmed ma joogto walaal.”

“U sheeg abbaayo, in aan u imid” ayuu gabadhii ku yiri “Haye” inta tiri ayey albaabkii xirtay. Isaga oo aan weli dhaqaaqin ayuu hadalkeedii Umma Axmed sii maqlayey iyada oo gabadhii ku dhaheysey “Maa balaayo la-tegga koranka ah, oo ilaahey I dabada dhigay mar dambe albaabka haka furin”. Halkaas ayaana isaga iyo wadaaddii cusbeyd ee Umu Axmed ahayd isugu dambaysey.

Dhimbil oo nicmatul-fushuuqaas – shan qabo oo shan sii daa ah – isaga jira, ayaa maalin uu xerada dhex marayay, waxa uu soo arkay wadaad da’weyneyd uu u ekeyd in ay markaas ka sii bixinayso, oo dukaan ganacsi yar oo kala socda haysata. Qocda hore ayuuba ka fahmay in ay tahay noociisii oo cuslaatay. Kama dayrine, waxa uu is yiri qoftaan ayaan u ruubaa-raqee. Inta bartay ayuu dukaankeedii cagta ku bediyay. Waxa ay ahayd islaan garoob ah, oo la yiraahdo Xamiido Yuusuf Xarbi, oo haysatay laba carruur ah, ganacsi yarna ku leh xerada Xagardheer.

Maalmihii hore ee uu wiidaysanayey, waxaa uu doonayey in uu ayaan lag iyo lug isku haysto, laakiin jaanno aduun oo aan ka soo laabasho lahayn buu galay! Runtii barashadeedii hore aad ayuu ula dhacay, muddadii yareyd ee ay ka wada sheekeysanayeen in ay isku-weysa-dhawrtaanna aad ayuu u jeclaadey, markii uu guursadayna nolol macaan oo uusan weligiis arag ayuu galay.

Xamiido, waxa ay ahayd islaan wadaad ah, oo aad isugu taqaaney Diinta Islaamka iyo Maaddigaba. Waxaa kale oo ay ahayd qof il-bax ah, oo xoogaana soo nooleyd wax badanna soo akhrisey, markeedii horena u dhalatay garasho iyo garaad. Markii ay is-guursadeen Dhimbil, waxa ay gebi ahaanba wax ka beddeshey qaab-nololeedkiisii. Waxa ay siisey daruus badan oo ku saabsan Diinta Islaamka, maaddaama uu la mid ahaa tanag xoogaa qaruux ah inta lagu shubay, dabadeedna afka inta laga xirey, la ruxey. Waxa ay u sameysey Maktabad ay Kitaabbo, Canjlado, CDyo iyo Buug ka buuxaan, si ay aqoontiisa Diineed iyo middiisa Maaddiba u kobciso.

Sidii ay cilmi, aqoon iyo tusaaleyn ugu waddey ayey aad u dhistay maskaxdiisii, taas oo gaarsiiyey in uu noqdo wadaad ay aqoontu ku degto, miisaaman, oo xikmadi ku soo duxdo, oo wax walba dhanka wanaagga ka eega. Waa uu joojiyey jaq-jaqdii, qalow-qaiowdii, suufiyo-caygii, sal-fudeydkii, seef-la-boodkii, xukun-deg-deggii, iabbis gaar ah ku- qallalkii iyo dumar-baacsigii, waxa uuna noqday wadaad fekera oo fogaan-arag ah.

Dhanka jacaylka iyo nolol-wadaagga, Dhimbil, waxa uu u qaaday Xamiido Jacayl uusan weligiis qof dumar ah u qaadin. Wax maskaxdiisii oo dhan baddelay ayuu ku arkay Xamiido. Markii uu guriga imaanayo, dadka xaafadda jooga oo dhan ayey ogeysiis ku siisaa in uu imaanayo Boqor Samatar, markaasaa dadka oo dhan guryahooda galaan. Marka uu guriga soo galo, Dhimbil waxa uu la kulmaa Xamiido, oo sidii ay isku buraashaysay nal u ekaatey, oo qolka illinkiisa taagan, oo u diyaarisey dharkii guri-joogga, oo aad u nadiifsan aadna u catarsan, isla markaasna iyada ayaa ka siibta dharka uu qabo, oo kay u diyaarisey u gelisa, waxa ayna u sii galbisaa Suuliga, oo biyo iyo agabkii qubeyska oo dhan ugu diyaarsan yihiin. Keligiis ma jecla in uu Suuliga gala e, inta xoogaa yar kaddib, ka daba-gasho ayey si wanaagsan ugu soo dhaqdaa.

Markii uu ka soo baxo, waxa loo galbiyaa qolka fadhiga oo cunta macaan oo dookhiisa ah loogu diyaariyey. Ma oggola Xamiido in uu cuntada gacanta la galo, iyada ayaa gacanteeda cuntada ku siisa, inta ay cuntada siineysana uga sheekeysaa qisooyin maad iyo macaanba leh, oo ay maanta oo dhan ka fekereysey. Markii uu dhargo, dhanka qolka jiifka ayey u soo gelbisaa, oo qumqumka iyo cuudka ka soo karaya aan laga sheekayn karin, waxaana halkaas ugu diyaarsan kursi boqoreed iyo biya qandac ah, oo ay lugaha u geliso si uu caajiskii iyo daalkii uga ba’o. Kaddib sariirta ayey inta marna dhabbac marna dhacdiid ugu seexiso ayey kareemo nooc-ba-nooc ah, ugu duugtaa.

Markii uu daal-dhaco ayey weydiisaa in uu nafteeda u baahan yahay iyo in kale! Haddii uu u galmoodo, marka uu cisalkiisa ka soo siibo, inta soo baxsato maro khafiid ah oo barkinta hoosteeda ugu jirtay, ayey kaga tirtirtaa cisalkiisa xunbadii ka soo raacday xurbintiisii. Markii ay toosineyso, hadal kuma kicise’e, salaax naxariis badan ayey ku toosisaa. Marka uu baxayo, iyada ayaa u doorta dharka uu qaadanayo, iyada ayaana u labbista, dabadeedna garka iyo madaxaba inta u saliideysa u feedha, indha-kuulna xirribaha iyo sunniyahaba u marisa, una xidha kabo ay si wanaagsan ugu baalashtay. Isaga iyo carruurtii, jacayl ayey ka dhex abuurtey, mana kala seexdaan, mana kala tagaan iyaga oo aan dhabannada iska shumin.

Waa hore ayaa ugu dambeysey ciddiyo uu iska guro iyo bisqin uu iska xiiro, iyada ayaaba aamisan in ay shaqadaas ku janna-tagayso oo howl ka dhigata. Goormaa ugu dambseysey dhar uu suuqa ka soo gato? Iyada ayaa inta suuqa aadda hadba sheyga qurxoon ee ku soo baxaya u soo iibisa. Maalintii in ka badan 10 jeer ayey wacdaa si ay xaalkiisa uga wareysato iyo wixii ku soo kordhay. Hadal kuma so celiso, wax walbana isaga ayey uga dambeysaa. Kama hesho Xamiido dadka guriga iska yimaada ee raad- raadiya Dhimbil, waxa ayna u sheegtaa xilliyada uu dadka qaabilo. War si kale kuma fahantide, Boqor dhal ah ayey Dhimbil ka dhigtay.

Ninkii Dhimbil ahaa, waxa uu galay nolol uusan weligiis arag (wax-dheef iyo wanaag is-wata), waxaa uuna imaankiisii gaaray qanjaha, wax aan Xamiido ahaynna qalbigiisii waa ka tirtirmey. Naag dambe ma fiirin, waana ka uur go’ay dhoocilihii iyo indho-la-raacii dumar, waxa uuna aaminey in ay Xamiido tahay qof bini-aadamka ka sarreeya, oo ilaahey ku soo duwey, oo uusan weligiis iyada oo kale heli karin, oo uu ku fara-adaygo.

Cajiib! Illeen raggu, haddii ay Xamiido oo kale heli lahaayeen, illeen godadle ma aysan noqdeen!

Xamiido, xilli ay ka bixineyso ayey mareysaye, gobo’dii ugu dambeysey inta ku gaarey, ayuu inta ka soo qarraafey ka soo gororiyey, markaasay wax wiil ah oo ay dhalmadii ku joojisay ka soo tuurtay.

Dhimbil, wax kale oo uu ia yaabo oo qalbigiisa ka go’i waayey ayuu arkay. Xamiido waxa ay bartay ninkeedii hore ee Aadan oo ku nool waddanka Noway, oo runtii aad u soo dhaweeyey Dhimbil, aadna ugu hambalyeeyey guurka uu Xamiido guursadey, una sheegay in uu helay naag adduun, middii ugu wanaagsaneyd. Waxa uu uga sheekeeyey qiimaha iyo qaayaha ay leedahay, isaga oo uga warramay in ay isaga qaddar eebbe ku kala tageen, laakiin isagu uu Xamiido fara adag ku qabsado.

Waxa uu Dhimbil la fajacay labadan qof ee kala tagay sida ay isugu xiran yihiin, isku qadderinayaan, ugana dhexeeyo xiriir cajiib ah. Aadan waa nin sida Xamiido oo kale mutacallin ah (Diin iyo Maaddiba isku yaqaan), waana nin wax-garad ah. Aadan markii uu damco in uu la hadlo Xamiido, waxaa uu marka hore soo wacaa Dhimbil, markaas kaddibna ka codsadaa in uu taleefoonka ugu dhiibo Xamiido, waxa uuna sidaas u sameynayey in uusan maseyr dareemin, oo qalbigiisa ayuu ilaalinayey.

Marar badan ayaa Xamiido siisaa Dhimbil lacag ay tiraahdo waxaa kuu soo direy Aadan, markaasaa Dhimbil isaga oo Xamiido dhaqankeeda iyo wanaaggeeda la yaabbanaa, ayuu misena la amakaagay Aadan, waxa uuna labadaan qof u qaatay, in yihiin dad samada laga soo diray. Mar buu is- weydiiyey sababta ay labadaan qof ee saan isku ah ay u kala tageen, laakiin misena calaf kala dhammaaduu u qaatay!

Waxa ay sidaas oo kale Xamiido bartay Dhimbil walaalaheed, inta ay markaas wada xiriiraan. Isna, sidii uu samayn jiray ma yeeline, si wanaagsan ayuu isu baray.

Wadaaddadii ay saaxiibbada ahaayeen oo dhan, markii ay arkeen is-beddelka dhan walba ah ee Dhimbil ku dhacay, waxa ay bilaabeen in ay ku xantaan in ay xarako qunyar- socod ah ka duufsatay, uuna guursadey islaan inta kitaabka u rogtay, guurkii badnaa ee sunnada ahaa ka xannibtay!

DHIMBIL IYO DIB-U-XASUUSASHADII CARRUURTIISII

Xamiido iyo Dhimbil oo habeen habeennada ka mid ah – mar ay si wanaagsan inta u legdin-ciyaareen ay aad u miyir sadeen – ayaa waxa ay Xamiido jeclaysatay in ay xiriirkeedii jacayl ee hore uga sheekeyso, si ay Dhimbil ugu qalbi-dejiso, oo ay ugu sheegto sababta ninkeedii hore uu xiriirka wanaagsani ugala dhexeeyo, ee uu mar waliba u soo waco. Inta aysan u bilaaabin ayey Dhimbil waxa ay ka codsatay – isna uu ka aqbalay – in qof waliba uu ka sheekeeyo xiriirkiisii hore ee jacayl; sidii uu ku bilowday iyo qaabkii uu ku dhammaaday.

Xamiido ayaa bilowday, waxa ayna Dhimbil uga sheekeysay jacaylkeedii hore, habka uu ku bilowday iyo hannaankii uu dambeeyey, waxa ayna tiri “Seygayga Samatarow, aniga waxaa iigu horreeyey qof aan guursado Aadan, isaga ayaana iigu dambeeyey, adiga hortaa. Aniga iyo Aadan, waxa aan isla dhigan jirnay Jaamacaddii Ummadda, waxaana ahayn isku fasal. Runtii waxaa ina dhex maray jacal haddii uu jiro, kii ugu wanaagsanaa. Ardeyda Jaamacadda waxa ay inoo yaqaanneen Qays iyo Layla. Markii ay dagalladii sokeeye bilowdeen ayaan soo wada qaxnay, waxa aana aakhirkii isugu nimid xeradaan Xagardheer. Inkasta oo daruufo xun ay jireen, oo guurka yaga wax badan dib u dhigay, laakiin aakhirkii waa is-guursanney. Waad taqaanaa Xagardeer e, buush ayaan isku aroosney, halkaas ayaana Ilaahey ku wada sugeyney. Labadaas carruurta ah ee quruxda badan (wiilka iyo gabadha) ayaana isku dhalnay.

Aadan waxa uu ahaa nin waddani ah, Soomaaliya iyo Soomaalinimadaba jecel e, markii ay Itoobiyaanku Gedo soo galeen 1996kii, ayuu Aadan aad uga xuraaadey arrintaas, markaas ayuu go’aansaday in uu dagaalkaas ka qeyb-galo, oo Itoobiyaanka dhulkii ku soo duulay uu la dagaallamo, isaga oo aan weliba ka mid ahayn Al-itixaadkii, laakiin ay Soomaalinimo oo keliya waddey. Aadan isaga oo dagaalkii ku jira ayaa nasiib-darro inta uu habaabey u gacan galay Soomaalidii Itoobiyaanka la socotay, markaasey arxan-laawe yaal, wax-ma-garata ah bay ahaayeene, oo waxa gubayey Aadan aysan gubeyne, Itoobiyaankii ku wareejiyeen. Inta Itoobiyaankii Aadan kaxeeyeen ayey xabsiga Alambakha ku rideen, oo halkaas si bilaa naxariis ah ugu garaaceen. Intii ay jir-dilayeen ayey xaniiyihii ka tumeen. Markii ay 10 sano haysteenna waa iska soo sii daayeen.

Markii uu ii yimid ayuu ii sheegay in xaniiyihii laga soo garaacay oo ay hawo dumar uga dhammaatay, waxa uuna iga codsadey in uu iska kay fasaxo, si aan wakhtigeyga uga faa’iideysto, isaga oo markaas ay indhihiisa ilmo ka da’aysey, waxaana isku qaban la’aa, sida uu ii jecel yahay iyo sida ay ugu adag tahay in uu igu sii haysan karo. Runtii markii uu arrintaas ii sheegay, boohin ayaan wabaa’ la iri, oo hadal iiga soo bixi waayey, waana igu adkaatay, Aadan oo sidii aan ogaa aan u jeclaa, in aan maanta uga tago dhibaatada soo gaartay isaga oo weliba Soomaalinnimo u dagaallamayey. Soo jeedintaas laad baan ku dhuftay, waxa aana go’aan ku gaarey in aan walaalkey u dulqaato. Guntiga ayaan dhiisha ka dhigtay, waxaana ku cadaadiyey seygeygii in aannaan kala tegin, aniga oo ka codsadey, in dhibaatadan aniga mooyee qof kale uusan u sheegin. Aadan culeys badan oo aan saarey kaddib, waa iga yeeley, isaga oo aad uga xun – sida uu aaminsanaa – fursadda iga lumaysa, sidaas ayaana ku sii wada joogney 4 sano.

Aniga oo ku faraxsan wada jooggayaga, oo aan aad u dhawro qalbiga Aadan ayaa waxa u soo baxay dhoof, waxa uuna u kicitimay waddanka Norway, waxaa uuna dhoofkaas u aadey arrin aan gadaal ka fahmay, oo ahayd, in uu inta iga haajiro isoo furo, maadaaraa uu og yahay, annaga oo isku waddan joogna, in aan furriinkiisa dhimasho ka xigo. Markii uu saddex bil iga maqnaa ayuu iga codsadey in aan kala tagno, anna waan ka diiday. Markii uu si uu yeelo aqoon waayey ayuu inta go’aan gaaray warqaddii furriinka ii soo diray. Muddo sannad ah ayaan murugo ku joogay, waxaana wax walba iiga darnaa, Aadan oo aan heli doonin lammaane ka taxadara noloshiisa! Aadan, isagu mar walba waa I dejin jirey, waxa uuna ii sheegi jirey, sababta uu ii furay, in ay aniga dantayda tahay, waxaa uuna mar walba igu qalqaalin jirey in aan guursado.

Markii aan adiga is-guursanayney, waan la socosiiyey guurkayaga, lacagtii arooska ee faraha badneydna isaga ayaa naga bixiyey, oo waan kaa qarinayey, aad ayuuna ugu farxay arooska yagii! Wicintaankiisa badan inta ka cabsadey in aad si kale u malayso, ayuu dhawr jeer iga codsadey in aan arrintiisa kaaga sheekeeyo. Ma jecla in afaarihiisa la ogaado, oo waxaa og aniga oo kaliya, adna waxa aan kuugu sheegay waxaa weeye, in aadan dhibsan wicitaankiisa oo aadan si kale u arag. Runtii aad ayuu ii jecel yahay, qof kasta oo aan jeclahayna waa jecel yahay, sidaas ayuuna mar walba kuu soo wacaa. Ee seygeyga Samataroow, bal adna iiga warran guurkaad soo martay iyo sidii aad ku kala tagteen?”.

Dhimbil intii ay Xamiido warkii u waddday jawigaa ka qasmey. Mar waxaa uu ka naxayey sheekadaas ay Xamiido ka qiseynayso, oo waa sheeko calool-doox ah! Mar waxa amakaag ku noqotey wanaagga Aadan iyo Xamiido! Mama waxaa ku soo duxayey oo uu goconayey guurarkiisii hore iyo sidii uu wax yeeli jirey. Waxaa u soo baxayey dambiyadii uu ka geli jirey iyo gabood-falladii uu ku samayn jirey gabdhihii Soomaaliyeed ee curdanka ahaa iyo kuwii uu carruurta ku daranyeyn jirey; ummuurihii uu kala dabbari jirey iyo guurarkii uu kala qarin jirey. fata ay Xamiido sheeko- taariikheedkaas u waddey, ayuu vvaxa uu is-weydiinayey halka ay dumarkaasi ku dambeeyeen iyo nolosha carruurtiisii. Mar waa uu naxayaa, oo waxaa ku soo dhacaya madaafiicda Xamar ka socon jirtay, waxa uuna aaminaa in aysan dadkaasi noolayn. Marna waa uu ka qoomameeyaa sida uu u dayacay dumarkaas iyo carruurtaas.

Muddadaas dheer ee uu ku noolaa waddanka Keenya, caawa ka hor iskuma soo qaadin carruur baa kaa maqan, culaysyada nololeed ee uu ku jirey awgood, adduun-is- raacsiin, hawo been ah oo u dhex ordayey, marqaan iyo qaadiro isku bed-beddelayey iyo markii uu soo hanuuney oo uu ku mashquuley diin-fidin iyo guur-badin!

Markii ay xaaskiisa u dhammaysay guurkeedii hore oo ay soo gaartay Dhimbil, ayuu wax uu u sheego aqoon waayey, isaga oo iska galay xasuusyo hore, waxaa ayna aragtaa isaga oo mararka qaar ilmo ku soo joogsanayso. lyada oo yaabtay, laakifa ka sugeysa in uu uga taariikheeyo sooyaalkiisii guur, ayey ku waabariisatay isaga oo madaxa inta qabsadey ruxaya, oo dhahaya “Allow adaan ummuurahayga kuu bandhigtay”. Wa ay ka sii yaabtay, waxaa ayna ku tiri “Gacaliye, ii sheeg sida ay wax u dheceen?”. Waxaa uu ugu jawaabey “Gacaliso, hadda diyaar uma ihi, ee iga raalli ahow, mar kale ayaan kaaga sheekeyn doonaaye, hadda xaalkaygu caadi ma ahan oo xasuus ayaan galay, qalbigaana wax iga gaareen e”.

Dhimbil, xasuusta arrintani dhib weyn ayey u gaysatay maankiisa, dhawr maalmoodna ma aadin masaajidkii uu ku xirnaa. Waxaa uu bilaabay in uu dhabannada haysto, in uu madaxa mar walba war-wareejiyo iyo in uu joojiyo fur- furnaantii iyo la-sheekeysigii asxaabtiisii. Waxaa uu ka fekeraa dambiyadii uu ka geli jirey gabdhihii Soomaaliyeed iyo carruurtiisii uu dayacay. Waxaa uu dhex tiibadey xasuus aan kala go’ lahayn iyo feker aan kala joogsi lahayn. “Halkee carruurtii ku dambeeyeen, talow ma nool yihiin, ma baadigoobi kartaa oo macquul ma tahay in aad inta raadiso aad hesho?” iyo su’aale kale ayuu is-weydiiyaa. Inkasta oo uusan Xamiido la-wadaagin, si fiicanna uga war-bixin dhibaatadii uu dumar soo marsiiyey iyo dayicii carruurtiisii, laakiin mar ayuu si guud-mar ah ugu sheegey, in carruur uu dhalay oo uusan ia-xiriirin muddo, ay Xamar uga kala firirsan yihiin.

Muddo bilo ah oo uu feker la jihanayey, waxaa uu go’aansaday bal in uu carruurtiisii raadiyo, kana war-doono halka ay ku dambeeyeen. Maadaama hooyooyinkood reer Xamar ahaayeen, waxaa uu qiyaasayey in aysan Xamar ka qaxin ee ay ku nool yihiin, laakiin haddana waxaa shaki uga jiraa in ay ka bad-baadeen dagaalladii sokeeye iyo in kale.

Fadhi uma yaalla e, waxaa uu bilaabay in uu dadka ka wareysto magaalada Xamar iyo xaalkeeda; in la aadi karo iyo in kale. Waxaa kale oo uu bilaabay in uu idaacadaha dhageysto, Tv-yadana daawado, si uu ula socdo xaalka magaalada Xamar ka jira iyo waxa mar walba ku soo kordha. Markii uu maqlo qof Xamar ka yimid, waa uu raadiyaa, dabadeedna ka wareystaa xaaladda Xamar halka ay mareyso iyo is-beddellada ku soo kordha ammaankeeda.

Dhawr jeer oo uu damcey in Xamar soo aado, nafta waa soo siin waayey, oo waxa uuba ku arkaa xerooyinka Dhadhaab oo ay soo buux-dhaafiyeen dadka Xamar ka soo qaxaya oo ay afeeyeen dagaalladii iyo qarax yadii ba’naa ee Xamar ka aloosnaa. Waxaa uu ka dhegaysan jirey Idaacadaha sida ay wax u socdaan, waxa uuna ku soo dhici waayey in uu yimaado magaalada Xamar, dagaallada wejiyada badan ee ka socday awgood. Laakiin waxaa rajo soo gashay dabayaaqadii sannadkii 2012-kii iyo horraantii 2013-kii, oo uu TVyada ka fiirsanayey laamiyada la dhisayo iyo nabadda magaalada Xamar ka curatay. Dad badan oo uu wareystayna waxaa ay u sheegeen in ay Xamar nabdoonaatay, laakiin dilal yar-yar oo qorsheysan mar mar ay ka dhacaan, taasna ay adduunka kala mid tahay. Waxaa ay dad badan oo uu wareystay isku raaceen, in uusan wax dhib ah la kulmayn, haddii uusan ka raid ahayn qolooyinka siyaasadda Soomaaliya isku haya.

Dhimbil, maalin Jimce ah, isaga oo guriga jooga, ayaa isaga oo sariirta ku dul dan-giiga, waxaa taleefoonka Xamiido oo ag yaallay soo wacay lambar uu ku qoran yahay Nasiib, oo uu horay dhawr jeer uga qabtay. Ma jecla in uu qabto taleefoonka Xamiido ee daqiiqad-daqiiqad u soo dhaca markii uu daaran yahay, waxa uuna ka xishoodaa ehalada Xamiido, laakiin markii uu arkay lambarkaan oo wax badan soo garaacayey, Xamiidana suuliga ay ku jirto, ayuu ka qabtey. Waxa ay ahayd gabar ay Xamiido habaryar u tehee, waa ay taqaanay ninka habaryarteed qaba magaciisa e, oo dhawr jeer bay salaantaye, waxaa ay ku tiri “Abti Samatar waan ku salaamay, waa Nasiib e, Abti Xamiido ma joogtaa?”, markaas buu ku yiri “Abti, Xamiido musqusha ayey ku jirtaa, waana kuu sheegayaa iyada ayaana kugu soo celinaysa”.

Markii ay khadkii ka baxday, ayaa waxa isla markiiba mushqushii ka soo baxday Xamiido, markaasuu u sheegay gabadha soo wacday. “Alla waa gabadhii aan habaryarta u ahaa ee Nasiib”, ayey inta tiri, oo taleefoonkii la boodday, oo bannaanka ula baxday, isla markiiba horay ka wacday. Nasiib iyo Xamiido cabbaar ayey wada hadlayeen. Xadiimo, mar dambe waxa ay waydiisey Nasiib in uu aabbe Jaamac la soo xiriiro iyo kale, laakiin Nasiib dhibba ugama dhigine, waxa ay u sheegtay in uu Keenya weli jiro, oo uusan waayadan la soo xiriirin, taas oo ay u qaadatay Xamiido in ay Nasiib iyo aabbeheed iska war-qabaan, xiriirkoodu haba liitee.

Dhimbil, intii uu xog-raadinta waday, ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa uu soo helay lamberka taleefoonka walaashiis Safiyo Axmed oo iyadu weligeed aan Xamar geesna u dhaafin. Waa uu la xiriirey, waxaa ayna ku catowday sida uu u soo xariirin waayey, iyaduna muddo ay u baadi- goobeysay, waxaana ugu war dambaysay isaga oo Keenya lagu sheegayo. Inta uu si fiican uga war-bixiyey xaaladdiisa, isla mar ahaantaasna uu baray xaaskiisa Xamiido, ayuu sidaas oo kale walaashiis Safiyo uga warramay, in ay jiraan carruur uu dhalay oo Xamar ku firirsan, oo uu qarin jirey, oo uu haatan doonayo in uu ka baadi-doono magaalada Xamar.

Safiyo, oo aad uga qarracantay warka waiaaikeed iyo sida xun ee uu wax yeeley, ayaa tiri “Walaal, waa iga oohiyey hadalka aad sheegayso. Runtii carruur Alle ku siiyey, in aad sidaas nooga qariso, iyagana u kala qariso waa dambi aad carruurtaada, xaasaskaaga iyo eheladaadaba ka gashay!” Waxaa ay uga warrantay dhallinyaro la degganayd, waxaa ayna tiri “Waxaa ila degganaan jirey wiil iyo gabar is-qabey oo cidda ah, oo aabbayaashood Xamar uga tageen, iyaga oo aan barin dadkooda, ehaladooda iyo xitaa abtirkooda. Waxaa ay labaduba sheeganayaan qabiilka, laakiin ma yaqaanaan jifada hoose ee ay ka yihiin iyo abtirkooda oo saddexan toona. Waxaan mar walba habaari jirey nimankii carruurtaan ka inkaar galab-saday”. Waxaa ay hadalkeedii u raacisay “Walaalow, Allaha iyagana noo sakhiro, adna walaalow dambigaas ka toobad keen, hana u laaban mar dambe”.

Dhimbil, waxaa uu mar kale hadalkaas ku reebey utun kale, isaga oo daqarro iyo haaro qalbigiisa ku yiilay ka danqiyey, waxa uuna isla markaasba bilaabay in uu ka fekero, dedejiyana u-huleelidda Xamar. Dhanka kale, Safiyo, isla markiiba waxaa ay taleefoonka Dhimbil siisay Aabbe Axmed, Aamino iyo Nuur Shaywaal.

Maalin maalmaha ka mid ah, isaga oo iska jooga gurigiisa, ayaa waxaa la soo xiriirey walaaikiis Nuur, oo ay ugu dambeysay burburkii ka hor, laakiin kor ahaan la iska war- qabay halka lagu kala nool yahay, waxa uuna ka soo wacay magaalada Sanca ee waddanka Yaman oo uu muddadaas ku noolaa. Waa walaalo isku hooyo ah oo isku soo hiloobaye, cabbaar ayey iska wareysteen arrimo badan.

Nuur oo walaaikiis ku ogaa Xaawo oo aan carruur u dhalin ayaa weydiiyey, wax carruur ah in uu yeeshey iyo in kale. Su’aashaan oo qeyb ka noqotay murugooyinkii waayadan oo dhan hayey, ayuu Dhimbil u sheegay in uu hadda u joogo wiil Xagardheer oo ay u dhashay gabar la yiraahdo Xamiido oo uu hadda qabo, laakiin ay jiraan carruur kale, oo uu dhalay, oo uu qarin jiray oo Xamar ku kala firirsan, oo uu doonayo in uu hadda raadiyo, iskuna soo duwo. Nuur oo arrintaas ka yaabey, ayaa walaalkiis ku qalqaaliyey kuna dhiirra-geliyey, in carruurta iyo reeraha uu sheegayo ka war-doono sida ugu dhaqsaha badan, isaga oo u sheegay in hadda Xamar la aadi karo oo aysan sidii hore ahayn.

Nuur oo u war-bixinayey walaalkiis Dhimbil ayaa u sheegay, in uu guursaday gabar Raxrao la yiraahdo oo wanaagsan, afar carruur ahna ay u joogaan, haddana iska barwaaqeysan yahay, isaga oo isla markaasna u sheegay in isaga iyo Raxmo ay Xamar imaanayaan bisha llaad aakhirkeeda isla sannadkaan 2013ka. Nuur, isagu in wax la kala qariyo dhaqankiisa ma ahayne, waxaa uu is-baray walaalkiis iyo xaaskiisa, waxa uuna isugu dhiibey taleefoonka. Wey is- nabdaadiyeen, waxaa ayna hadalkoodii ku soo koobeen “Walaalle iyo Walaalley, Xamar ayaan isku arki doonnaa, oo aan ku kala war-bogonaynaa Insha Allah”.

Waxaa sida oo kale Dhimbil soo wacay Aabbihiis oo jooga Hargaysa oo ay muddo ugu war-dambeysey, oo uu madi ku ahaa iyo walaashiis Aamino oo hadda joogta Garoowe oo aan il ka qaadin muddo 30 sano ku dhaw. Mid walba markii uu uga sheekeeyey xaalkiisa hadda iyo xaaskiisa Xamiido oo uu baray kaddib, waxaa uu uga warramay carruurta ka maqan. Waxaa ay labaduba markii hore aad uga xumaadeen xirii la’aantisii, oo xitaa mar loo qaatay in uu dhintay. Waxaa ay; misena aad uga muraara-dillaaceen war-bixinta uu ka siiyey dayaca carruurtiisa uusan horay ugu sheegin, waxaa ayna boorriyeen in uu sida ugu dhaqasaha badan uu carruurtii ti raadiyo.

Talada aabbihiis, haaraanka walaalihiis, samaan-faridd xaaskiisa Xamiido iyo u-caqli-celin ay dad badan sameeyeen kaddib, Dhimbil waxaa uu go’aansaday in uu Xamar u soo socdaalo, carruurtiisii iyo xaasaskiisii beri- samaadkiim ka war-doono meeshii ay ku dambeeyeen. Waxaa kale oo hunguri ka galay dhawr boos oo uu ku lahaa magaalada Xamar, kaddib markii loo sheegay in qiimaha dhulalka Xamar cirkaas marayaan, oo ninkii boos ku lahaa uu taajirayo, faqrigana uu tuurayo. Laakiin waxa uusan haysan wax dukumiinti ah oo caddaynaya la-haanshaha dhulalka uu sheeganayo, taas oo wel-wel weyn ku abuurtay sida ay ugu suuro-geli karto iibinta dhulalkaas.

Waa uu ku xisaabtamayaa in safarka dheer iyo baadi-doonka uu galayo sahey u baahan yihiine, waxaa uu u cid-dirsaday wixii uu ehel iyo qaraabo la ahaa, isaga oo u marayey xubnaha qoyskiisa, si ay u soo caawiyaan, kagalana qeyb- qaataan saheyda safarkiisa Xamar iyo inta uu ku guda-jiro howlaha baadi-doonka carruurta. Nasiibkiisii ayaa dib ugu soo laabtaye, waxaa uu ka helay qaylo-dhaantii taageero dhaqaale oo uusan markaas filanayn iyo ballan-qaadyo badan, taas oo uu niyad-dhis wanaagsanna ka halay, kuna sii dhiirri-gelisay in uu fadhiga ka kaco, oo uu ilmihii meel ku soo ogaado. Ka sokow dhaqaalaha uu ka helay xidid iyo xasabo, waxaa sidaas oo kale dhaqaale kale uu ka helay Xamiido iyo seygaydii hore ee Aadan.

Inta uusan Dhimbil soo bixin, dhawr bil ka hor, ayaa Nasiib waxa ay soo wacday habaryarteed Xamiido oo ay u sheegtay, in uu wiil guursaday, taasoo ay Xamiido ugu habalyeysay, Dhimbilna inta ugu dhiibtay taleefoonkii uu si kooban isna ugu hambalyeeyey. Waxaa ayna labadoodaba u sheegtay, maalinta arooskeeda oo ay lix bil ka dhimman tahay, in ay soo war-gelin doonto, haddii Alle yiraahdo.

Dhimbil, markii uu gacan-qabsigii isla helay ayuu waxaa uu ka soo baxay xerada Dhadhaab, dabayaaqadii bishii 8aad ee sannadka 2013kii. Waxaa uu soo galay safar dheer oo uu ku dhex marayey Keenya iyo Soomaaliya ilaa uu ugu dambeyntiina uu soo gaarey Magaalada Xamar horraantii bishii 9aad ee isla sannadkaas. Waxaa magaalada ku soo dhaweeyey – oo uu xiriirkiisa haystay – nin saaxiibkiis ah, oo reer Xamar ahaa, oo ay isku barteen qaxootiga oo la yiraahdo Cismaan, waxa uuna dejiyey Hoteelkii Kuraasya-cad ee is- goyska Lambar 4 ku yiillay.

Dhimbil, markii uu magaalada soo galay, oo uu xoogaa nastay, ayuu waxaa uu la xiriirey aabbihiis Axmed, walaalihiis Safiyo iyo Aamino. Waxaa uu sida oo kale la xiriirey walaalkiisii Nuur ee Yaman joogey, waxa uuna siiyey Lamberkiisa Xamar, si markii uu Xamar yimaado uu ula soo xiriiro.

DHIMBIL IYO KU SOO LAABASHADIISII XAMAR

Dhimbil, waxaa magaalada Xamar ugu dambeysay 1991-kii. Waxaa ay markaas ahayd magaalo aad iyo aad u qurux badnayd: laamiyada saaran, geedaha guri kasta hortiisa ku abuuran, waddooyinka waaweyn ee jid-cadde yaasha ahaa, kannaalada biyaha iyo bullaacaduhu maraan, gawaarida quruxda badan ee waddooyinka mari jirey iyo dhismaha bilicda samaa ee magaalada ku socon jirey. Waxaa ugu dambeysay ciidan darays qurxoon ku labbisan, oo muuqaal qurxoonaa, bilays aadaab iyo ixtiraam badan iyo taraafiko baabuurta si wanaagsan u kala hagta iyo samaan-fareyaal shaqeynaya 24ka saac. Waxaa uu ka qaxay Magaalada Xamar oo ka sarreysa magaalooyinka Afrika oo dhan oo loo soo daLxiis tago.

Laakiin hadda danta uu u yimid Xamar, waxaa ka mashquuliyey muraara-dillaac uu ka qaadey magaalada Xamar. Waxaa uu arkay magaaladii oo isku beddeshay’ dukaafad ay ku dhex butaacayaan wasakhda laamiga dhexdiisa. Waxaa uu arkay gawaari aan shir lahayn o’*’ meeshii shirka ee dahaarnayd inta la fujiyey uu hal nin o isteerin wareejinayo fadhiyo iyo hal qof oo kale oo bakiir gaariga fadhiya oo maalintiina Istaajiye (bareeg) iyo dig (hoon) u ah, oo dadka ku dhaha isaga oo qaylinaya leexda gaariga yuusan idin jiirine!”, habeenkiina gaariga indho u ah, oo toosh darawalka ugu ifiya waddooyinka.

Waddooyinku samaan-fare ma lahan, taraafikana ma joogaan marka laga reebo xoogaa dhar wasakha qaba oo jaad ku ruugaya waddada dhexdeeda, oo taagan meelo yar oo ka mid ah iaamiga waddada MAKA AL-MUKARAMA. Ma arko ciidamadii quruxda iyo sharafta lahaan jirey (Milateri, Booliis IWM), ee waxa uu arkaa maleeshiyaad kala labbis duwan, oo gaariyaal Cabdi-bile ah wata oo aad u malaynayso in ay baalayo cayrsaneyso oo waddada xawli ku mara, oo laga ashahaato marka ia arko iyo gawaari qafilan oo ay san-ku- dhuudhi saaran yihiin, oo waddada xoog iyo xawaare ku qaada, dhanka ay doonaanna waddada ka raaca.

Magaaladu waddooyin ma leh, oo waxaa la wada dhistay waddooyinkii jid-caddeyaasha ahaa. Dhulalkii uu yaqaanay ee ay dawladdu lahayd, waxaa uu ku arkay dhismooyin jiingado ah iyo dad ay diif iyo dac-darro ka muuqato oo deggan. Waxaa uu arkay dad iyo magaalo ba’day, waxaana ka soo hartay “Tan ma deegaan heblaayaa? Tanina ma waddo heblaayaa? Halkani ma jagadii hebel baa? Taasi ma xeradii ciidankaa? llama ahan, waxaan dhex marayo in ay Xamar tahay?!”.

Waxaa uu indha-indheyn ugu dhaqaaqey meelihii uu jagooyinka/boosaska ku lahaa, mise qaarna guryo fiilooyin iyo kuwo dabaqyo ah baa laga dhistay, qaarna jiingado ayaa ka dhisan. W7axaa uu aad ugu kuur-galay dadka deggan iyo sababta ay guryahaan fooqyada ah uga dhisteen. Waxaa loo sheegay in dhulalkaan marar badan la kala iibsaday, oo dad dukumiintiyo u haysta ay gadeen. Yaab iyo amakaag ayaa qabsaday! Waxaana u soo baxday in raadinta jagooyinkaas – mar dambe mooyee – hadda uu maankiisa ka jaro.

Haddii aanan lala socon bannaanka uma baxo, oo weli waxaa ku jira baqdin badan. Mar waxaa uu is-dhahaa “Armaa dilalka qorsheysan kugu yimaadaan”. Marna waxaa uu is- yiraahdaa “Armaa dagaal Dowladda iyo Al-shabaab isku fara-saaraan dhex kugu qabsadaa adiga oo magaalada dhex maraya”. Marna waxa uuba ka baqaa gawaarida AMISOM oo uu is leeyahay “Armay ku jiiraan, maadaama ay waddada dhanka ay doonaan ka maraan”.

Bil kaddib, hadda waa la soo qabsanayaa magaalada Xamar, waxa uuna arkayaa in aysan jirin cid si gaar ah u raadsanaysa iyo cid dadka kale ka taqaan toona. Waxaa kale oo uu arkayaa magaalada oo si caadi ah dadku u dhex marayaan, oo uu qof kasta ku mashquulsan yahay meeshuu noloshiisa ka raadsan lahaa. Waxaa sida oo kale u muuqanaysa meelaha fadhi-ku-dirirada ah oo dadku sida ay doonaan isaga kaftamayaan, oo misena dadku isugu dhex jiraan. Waxaa uu si fiican u fahmay, in qofkaan ku xirnayn siyaasadaha magaalada Xamar ka jira, uu isaga noolaan karo Xamar, haddii uusan la kulmin qarax ama hoobiye ku soo dhicin, laakiin labadaasna waa uu ka taxadaray, oo waxaa uu horay ugu fekeray in uu luuqyada maro, si uusan qarax ula kulmin, waxa uuna seexdaa qol shub ah oo uusan hoobiye ka soo dhex bixi karin.

DHIMBIL IYO RAADINTA CARRUURTIISII

Dhimbil, magaalada danta ugu weyn ee uu u yimid, waxaa ay ahayd raadinta carruurtiisa. Habeen kasta waxaa uu ka fekeraa meeshii uu ka bilaabi lahaa raadinta iyo qaabka ugu fudud ee uu ku heli karo carruurtaas. Waxaa uu xasuus u galay magacyada dumarkii carruuraha u kala dhalay, oo ay waa hore ugu dambeysay, wakhti badanna aysan horay is- kula qaadan iyo halkii ay degganaayeen. Waxaa uu sidaa oo kale maskaxdiisa ka raadiyey magacyadii kala geddisnaa ee uu isugu sheegi jirey xaasaskaas, oo uu si kasta inta yeeley sixi waayey, maadaama ay ka soo wareegtay 23sano. Laakiin haddana waxaa uu xasuustaa in uu afartiisa magac uu kala bed-beddeli jirey oo keliya, ee aysan jirin magacyo cusub oo uu la bixi jirey. Waxaas oo dhan uma fariisane, waxaa uu bilaabay sidii uu u kala xasuusto, in uu u raadiyo dumarkii.

Xasuus-raadin iyo maskax-maaxin maalmo qaatay kabacdi, waxa maankiisa qalow ku soo tiri Shaqlan, oo uu markii ugu dambeysey wakhti xoogaa ah la qaatay. Waxaa ay u dhashay gabar, markii ay dhimatayna abtigeed uu la wareegay nolosheeda. Waxaa uu xasuustay ciddii ay ka dhalatay iyo qaraabadeeda iyo meeshii ay degganaayeen. Ma jiif baa u yaallal Waxaa uu abbaaray xaafaddii Buulo-Xuubey, waxa uuna raadiyey gurigii ay degganaayeen ciddii Shaqlan. Laakiin waxaa ku adkaatay, in uu helo magacii ay ciddaas u taqaanay. “Waan xasuustaa in magacii ay ii yaqaaneen uu Jaamac ku jiraye, maxaad raacsiiyey” ayuu is-weydiiyaa. Waxaa uu aakhirkii is-yiri “Magacyadaada mid un Jaamac raacsii, iyaga ayaa garan magaca ay kuu yaqaaneene, oo kuu sixine”.

Waxaa ay ku qaadatay in uu gurigaas helo muddo saddex maalmood ah, sababta oo ah, magaalada Xamar ayaa iska beddeshay sidii uu ku yaqaanay. Jid-cadde-yaashii u garanayey waa wada xirmeen, meelihii uu gurigaas u mari jireyna guryo kale ayaaba ka dhisan. Waxaa uu isku darayey raad-raadin iyo dad weydiinba. Markii dambe waxaa u suuro-gashay, in uu gurigii tago. Gurigii ayuu garaacay, waxaana ka furtay gabar jalaqsan oo aad u qurux badan. Waxaa uu weydiiyey, in ay gurigaan deggan yihiin Reer Waayeel. “Haah” ayey tiri “Ee qofkeed uga baahan tahay cidda?” ayey weydiisey. Waxaa uu ku yiri “Waxaan u baahanahay Waayeel laftiisa, ee ma joogaa?”. Wraxaa ay u sheegtay in uu joogo, laakiin suuqa uu ku maqan yahay, uuna imaanayo xoogaa kaddib. “Laakiin ma isaga ayaad u baahan tahay?” ayey weydiisey. “Haah” ayuu yiri. Waxaa ay tiri “Adeer soo gal, oo inta kursigaas ku fariisatid, halkaas ku sug abti Waayeel, inta uu ka imaanayo.”

Gurigii ayuu horay u galay, isaga oo ku fariistay gambar meesha yaalley. Laakiin waxaa feker ku beerey gabadha hadalkeeda ah “Abtigey sug”. Waxaa uu is-yiri “Armayba gabadhaani tahay, gabadhii ay kuu dhashay Shaqlan”. Waxaa uu damcay in uu la sheekeysto, haddana waxaa ay ku mashquulsan tahay, oo ku sii jeeddaa buug-akhris, iyada oo sidaa oo kalana, ku howllan shaqada guriga,

Xoogaa kaddibba, waxa soo galay guriga Waayeel. Waxaa uu salaamay Dhimbil, horayna waa isaga sii gudbay. Waxaa uu u malaynayey, in ninkaani dad kale sugayey oo maba sii waraysan. Dhimbil laftiisu kuma soo dhicin in ninkaan salaamay uu yahay Waayeel, sababta oo ah, waayana waa kala maqnaayeen, muuqaalladoodiina waa is-beddeleen. Xoogaa markii uu guriga ku maqnaa, ayaa waxaa u gashay guriga Nasiib, waxaa ayna u sheegtay, in ninkaasi isaga meesha u fadhiyo, markaas ayuu ku yiri “Ninkaas sidee meesha iigu fadhiyaa, ma aqaan aniguye, markaan salaamayna, ima oran adaan kuu baahnaaye?”. Waxaa ay tiri “Bal abti la hadal adiga ayuu magacaaga na weydiiyaye”.

Waayeel waa soo baxay, waxa uuna u yimid Dhimbil. Salaan kaddib, waxaa uu weydiiyey cidda uu raadinayey, waxaa uu u sheegay in uu raadinayey cidda gurigaan deggan, gaar ahaan weliba uu raadinayey nin Waayeel la yiraahdo. Waxaa uu u sheegay in uu isaga yahay Waayeel. Kor ayuu inta u booday oo xabadka saarey ayuu ku yiri “Waayeel waa Jaamac Samatar”, isaga oo sii raacsiiyey “Waa ninkii qabay Shaqlan”. “Alla ma Jaamac Axmed baa?!” ayuu yiri Waayeel, inta si fiican xabadka u geliyey. “Haah” ayuu Dhimbil ugu jawaabey. “War goormaad sidaan isku baddeshey! W7ar bal fariiso” ayuu ku yiri Waayeel, inta dhanka guriga u dhaqaaqey. Dhimbil, farxad ayuu haatan la dhacay, maadaama uu ciddii helay, waxaa kale oo farax-geliyey, in uu ogaaday magacii ay cidda u taqaanay ee ahaa Jaamac Axmed.

Waayeel waxaa uu u yeerey Nasiib, oo uu u sheegay in ninkaasi yahay aabbeheed. Nasiib, waa soo oroddey, waxaa ayna si hal-haleel ah ugu timid aabbeheed, iyada oo inta ku soo boodday labada dhaban ka dhunkatay, misena inta ku dhagtay isku duuduubtay, hilow dartiisna hadalkii muddo kaga soo bixi waayey, isna inta ku qallalay, oo illini kala joogsan weyday iska furatay, ayaa cabbaar labaduba isku marnaayeen. “Aabbe ma fiican tahay? Aabbe halkeed ka dhacday? Aabbe maxaad noola soo xiriiri weyday?” iyo su’aalo iyo xog-wareysi kale ayey Nasiib aabbeheed weydiineysey iyada oo ilmeyneysey, oo isna uu u jawaab-u- celin waayey, wax farxad iyo murugo loo kala garan waayey oo haysatay awgeed. Markii muddo xoogaa ah, oo ay isku jidbeysnaayeen, ayaa inta mid kasta gaar u yara nafisey, tart lib – tartiib u kala fuqayeen.

Nasiib maanta maalmaha waa uga duwan tahay, oo waxa ay haysataa aabbeheed oo ay u qabtay xiiso mar un in ay aragto ah si ay ugu faanto. Mar mar ayey ka shakin jirtay in aysan aabbe lahayn, oo loo qarinayo maqnaashaha aabbeheed. Maanta waa bagaaxeysaa, waxaa ayna ogaatay aabbeheed in uu jirey.

| Dhimbil si wanaagsan ayaa halkaas looga soo dhaweeyey, Alle mahaddiis-na, waa helay gabadhisii ugu horreysay. Soo dhaweyn, reyn-reyn iyo is-wareysi dheer, oo ay ku jirtay in gabadhiisa la bixiyey, oo arooskeeda mar dhaw la sugayo kaddib, waxaa uu Dhimbil ku noqday Hoteel-kiisii, waxa uuna horay u sii wadey gabadhiisii, si uu u soo tuso halka uu deggan yahay, hadiyado uu iyada iyo ehelka ugu soo tala- galayna uu ugu soo dhiibo.

Nasiib ayaa maalin kaddib wacday Faarax oo u sheegtay in aabbeheed yimid magaalada, kana yimid Keenya. Faarax waa uu ogaa in Nasiib aabbeheed uu jiro Keenya, oo markii la meherinayey, oo la is-baranayey ayuu maqlayey, halka uu aabbeheed ku nool yahaye, inta farxay ayuu yiri “Masha Allah, hambalyo, guurka yaga mid barakaysan ayuu noqonayaa, maadaama uu aabbe inoo yimid, ducadiisa ayaan helaynaa, Insha Allah, si deg-deg ah waa in aad ii bartaa”.

Inta taleefoonkiisa siisey ayey ku tiri “Hadda wac anaa kaaga hormarayee oo kuu sheegayee”. Isla markiiba inta wacday aabbeheed, ayey u sheegtay in uu ninkeeda soo wici doono.

Faarax waa wacay Nasiib aabbeheed, waana is-barey. Isna soddoggiis waa soo dhaweeyey, waxa uuna ku yiri “Adeer waad ku mahadsan tahay ia soo xiriirkaaga, wiil wanaagsan ayaad u eg tahay, iaakiin hadda mashquul ayaan ahaye, waxaa ay inoo ahaanaysaa maalinta guurka, haddii intaas ka hor aan firaaq helana, anigaa ku soo wacaya Alle idinki”. “Waayahay adeer” ayuu yiri Faarax, inta teleefoonkii isa- saarey. Sidaas ayeyna maalintii isku barteen Faarax iyo Dhimbil oo uu hadal kooban dhex maray.

Dhimbil, markaan guul weyn ayuu joogaa, mar haddii uu helay carruurtiisii mid ka mid ah. Waxaa uu haatan ka fekerayaa halkii uu ka bilaabi lahaa raadinta kuwii kale. Inkasta oo meelihii ay degganaayeen uu garan karo, Iaakiin sida Shaqlan ciddeeda oo kale uma yaqaan kuwa kale cidahooda, mana garanayo abtirsigooda oo dhammaystiran. Laakiin ma sidaas buu uga hari karaa! Waxaa uu markaan raadin ugu dhaqaaqey Raxma Qaasim, oo ahayd gabar uu dhibaato kala kulmo tii abid ugu horreysay. Waa uu xasuustaa magaca aabbeheed iyo halka ay degganaan jireen. Waxaa uu aaday xaafadda Xamar-Bile ee uu ku ogaa, halkaas oo misena muddo ay ku qaadatay in uu gurigoodii garto, is- beddelka Xamar ka dhacay awgiis. Markii uu gurigii tagay, ayaa waxaa loo sheegay in dadka uu raadinayo ay gurigaan mar hore ka guureen, iyada oo qof u sheegana uu waayey halka ay degeen ciddaasi.

Muddo ayuu raad-raadinayey, laakiin waa ka quustay in uu helo Raxma Qaasim iyo ciddeedii toona. Arrintaas waxaa ay ku abuurtay wel-wel iyo walbahaar, sababta oo ah, waxaa uu aamminay in ay adag tahay in ciddaas uu helo, maadaama uusan si wanaagsan u aqoon abtirka iyo jifo-hoosaadka ciddaas, meeshii uu ku ogaana ay ka guureen. Waxaa uu markaas is-yiri “Ha isku daalin Raxma e, bal markaan Xamdi ka war-doon”. Waxaa uu bilaabay Xamdi raadinteeda, waxa uuna ka goobey halkii uu ku aqoon jirey in ay ciddeedii degganaan jirtay ee xaafadda Geed-jacayl. Raad-raadin muddo dheer qaadatay, kama uusan helin iyadana, sababta oo ah, reerkii Xamdi waa hore ayey dhoofeen, marka iaga reebo iyada iyo walaalkeed Qase, gurigiina waa hore ayey iibiyeen. Laakiin Xamdi ayaa weli gees kale kaga nool xaafadda Geed-jacayl.

Isaga oo quus ka taagan, ayaa maalin isaga oo xeebta Liido jooga, waxaa uu arkay nin uu wejigiisu ku yaallo, oo uu soo saari la’ yahay. Waxaa uu in muddo ah eegayey ninkii, waxa uuna ula ekaaday ninkii ugu soo far-muuqi jiray Xamdi, kana qeyb-qaatay furriinkii Raxma. Waxaa uu ninkaasi fadhiyey meel u dhaw, oo uu asxaab kale kula shaah- cabbayey. Aad inta u eegay ayuu is-yiri “Armuu Caddaawihii ninkaani yahay?”

Dhimbil Waa uu xasuustaa Caddaawe, sababta oo ah, waxaa uu ahaa ninkii ku soo hoggaamiyey Xamdi, waxaa kale oo uu ahaa ninkii furriinkii Raxma wax ka ogaa, oo dagaalka uu Shaafici la galay ku weheliyey, ugana hiiliyey. Si fiican ayuu maanka Dhimbil ugu yaalley Caddaawe, laakiin misena waxaa uu is-leeyahay “War dadku waa isku ekaadaane, armuusan ahayn?”.

Cabbaar isaga oo fadhiya, wax uu sameeyana garan la’, ayuu waxaa uu maqlay nin ugu yeeraya magaca Caddaawe, markaas ayuu xaqiiqsaday in uu yahay Caddaawe. Inta uu u tagay ayuu ku yiri “War Caddaawe bal warran?”. Inta kor u fiiriyey ayuu Caddaawe yiri “Waa nabade, ma Dhimbil iyo Samatar loo kala garan waagii baa?!”. Inta qoslay oo ogaaday in uu gartay, maadaama labadiisn magac ee uu ku qaraaban jirey sheegay, ayuu ku yiri “War waa isagiiye ii warran? Ma Muqdishaad joogtay mise haddaad timid?”. “Magaaladan meelna ugama bixin 23kii sano ee la soo dhaafay” ayuu ugu jawaabey. Sheeko dheer oo waayo-waayo iyo 23kaas sano wixii dhacay isugu jirtay ayaa dhex martay raggaasi.

Nin walba wixii dhiba ayaa dheelmee, Dhimbil, waxaa uu bilaabay in uu weydiiyo Caddaawe cidihii uu gabadhooda ka furi jirey meelahii ay ku dambeeyeen iyo in uu yaqaano halka ay deggan yihiin iyo in kale. Waxaa uu Caddaawe u sheegay, in uusan war ka hayn halka ay ku dambeeyeen cidahaas. Laakiin waxaa uu u sheegay, in uu yaqaan nin ay Xamdi meel qaraabo ka yihiin, oo ay is-barteen waagii laga furi jirey Xamdi, laakiin ay ugu dambeysay isaga oo ka ganacsada Suuqa Bakaaraha. Inta farax is-heyn waayey ayuu Caddaawe ku yiri “War walaalow ninkaas ila raadi fadlan”. “Waayahay” ayuu yiri Caddaawe, waxaa ayna kala qorteen taleefoonnada. Halkaas ayeyna maalintaas ku kala tageen.

Hadda Dhimbil jid ayaa u baxay, waxaa soo gashay rajo fiican, waxa uuna habeenkii ku seexday niyad-wanaagsan. Waxaa uu aaminay in maalin un la heli doono raadka Raxmo, maadaama haddaba meel uusan ka filayn uu ka helay raadka Xamdi. Waxaa uu go’aansaday in uu cagta cagta u saaro Caddaawe, isaga oo bilaabay in uu maalin walba vvaco, oo uu weydiiyo bal in uu ninkii helay iyo in kale.

Muddo 7cisho ah gudahood, Dhimbil war wanaagsan ayaa u yimid. Caddaawe ayaa soo wacay, waxa uuna u sheegay in ay ninkii is-heleen, uuna siiyey taleefoonka Xamdi oo deggan xaafadda Geed-jacayl. Dhimbil oo hadalkaas neecaw qabow ay ku martay, ayaa yiri “Walaal Caddaawe aad ayaan kaaga mahad-celinavaa sida qiimiga badan leh ee aad ii caawisay. Waagii hore cadow ayaan kuu arkayey, oo cuqdad ayaan kuu qaaday, laakiin inaan sidaan kuugu baxsanayo, oo aad i caawin doonto maanan filayn”. Waxaa uu intaas u sii raaciyey, bal in uu taleefoonkaas tijaabiyo, oo uu fiiriyo in uu shaqeynayo iyo in kale. Caddaawe codsigaas waa aqbalay, waxa uuna kula kaftamay “Caclavv kuguma ahayne, waxaan kaa bad-baadinayey xumaantii aad walaaqanaysey”.

Caddaawe, Xamdi waa wacay, waa ayna ka qabatay. “Ma Xamdi baa?” ayuu weydiiyey. “Haahe waa kuma adigu?” ayey ugu jawaabtay. Inta qoslay ayuu ku yiri “Waxaa uu dhib ka taagan yahay, haddii marka aan raagacayga kuu sheego aad i garan weyso”. Sayte “Soo daah, waan ku garan haddii aan is naqaanaye”. Xamdi xoogaa ayey isla sheekeysatay, waxaa ayna is-weydiinaysaa qofka magaceeda sheegaya qofka uu yahay. Maan-is-kala-sheekeysi kaddib, waxaa ay is-tiri “Mindhaa waa mid qaraabada ah ama saaxiib hore ah, ama habow ah ama ah qof taleefoonkayga inta la siiyey khalad loo soo sheegay”. Caddaawe ayaa ku yiri “Abbaayo ma garanaysaa nin Caddaawe la yiraahdo?”, “Alla! ma Caddaawihii ina Macallin ahaa baa?” ayey tiri, inta u malaysay nin ay horay u taqaanay oo ay meel qaraabo ka ahaayeen. Suuye “Maya, waa Caddaawihii deriska kula ahaa ee kaa furi jirey ninkii, xilligii beri-samaadka”. Sayte “Alla, walaalow ii waran, halkeed ku dambaysay, waagii ayaa iigu kaa dambaysaye, waxaan is lahaa waddanka waa ka tagay markaan ku arki waayaye?”.

Caddaawe ayaa si wanaagsan xaalkiisa uga sheekeeyey Xamdi, isaga oo uga warramay in uusan weligiis Xamar geesna u dhaafin, Allana ka bed-baadiyey, wixii musiibo dhacaysay. Sidaa oo kale ayey Xamdina uga warrantay Caddaawe arrimaheedii oo dhan. Xitaa guurkeedii dambe waa uga sheekeysay iyo carruurta ay gadaashiis dhashay iyo weliba gabadhii ay u dhashay ninkii uu ka furi jirey, oo inta qaan-gaartay mar hore la guursaday, laakiin guurkii ku hungowday, kaddib markii wiilkii guursaday uu waxba ka lari waayey, dabadeedna laga furey, ilaa iyo haddana ay la nooshahay, oo aysan weli guursan mar kale.

Markii ay hadalkii dhammaysay ayey weydiisey, iyada oo weliba aad uga mahad-celinaysa sida uu u soo xasuustay, waxaa uu ula soo xiriiri waayey haddii uu taleefoonkeeda hayey? “Abbaayo hadda ayaan helay taleefoonkaaga” ayuu ugu jawaabey.

Caddaawe ayaa war-bixinteedii si wanaagsan uga dhargay, wax waliba oo uu mid mid u weydiin lahaana, hal mar ka haqab-tirmay. Waxaa uu haatan ka fekerayaa in uu arrinta u sheego Xamdi iyo in uu war-bixintaan ula laabto Dhimbil oo uu u sheego, in uu taleefoonkii shaqeynayo, isagu markaas ha raadsadee. Xoogaa uu wax-is-weydiidiiyey kaddib, waxaa u soo baxay, in uu Xamdi u soo sheego arrinta Dhimbil, laakiin inta uusan u sheegin ka hor, waxaa uu si kaftan ah u weydiiyey halka uu ku dambeeyey seygeedii hore.

Xamdi oo ninkaasi maankeedu ka tir-tirmay ayuu xasuus kale geliyey. Waxaa ay eegtay gabadheeda oo mar walba weydiisa xog aabbeheed ku saabsan, oo ay u weyday wax qalbigeeda dejiya. Waxaa ay xasuusatay mar, geeridiisii loo sheegay oo aysan arag maydkiisa. Waxaa ay la soo boodday “Walaalow ninkaas waagii ayaa iigu dambeysay, mar ayaa la ii sheegay, in uu ku geeriyooday dagaalladdii 90maadkii Xamar ka dhacayey. Waan raadiyey meeshii la iigu sheegay in uu ku dhintay, laakiin raqdiis iyo ruuxiis midna ma arag”. “Adigu wax wara ma ka haysaa meel uu jaan iyo cirib dhigay?” ayey weydiisey. Waxaa uu u sheegay, in uu isagu macluumaad ka hayo ninkaas, uuna nool yahay. Neef ayaa ka soo fuqday Xamdi oo aaminsanaynd in uu waa hore geeriyooday, misena dhib weyn kala kulantay gabadheeda, oo maalin walba weydiisa xogaha aabbeheed. Waxaaba taas uga sii daraneyd, in aysan aqoon dadkiisa isla mar ahaantaasna aysan macluumad fiican ka haysan abtirkiisa. “Haye bal walaal, khayr sheege, iiga warran ninkaas, oo war-bixin iga sii?” ayey ka codsatay Caddaawe.

Caddaawe waxaa uu war-bixin ka siiyey Dhimbil, oo ay u taqaaney Axmed Samatar, waxa uuna u sheegay in uu magaalada Xamar muddo yar joogo. Waxaa kale oo uu u sheegay, in uu adiga iyo gabadhaba raadinayey, oo howlaha uu u yimid ay ugu muhiim sanayd. “Al-xamdullillah haddii uu nool yahay, intaas ayaa maanta aniga iyo gabadhaydaba farax ugu filan. Mashaa Allah, Allow khayr ku sii” ayey ku tiri Caddaawe, iyada oo taleefoonka ku jirtana u yeertay gabadheedii Samsam oo tiri “Naa Samsameey, kaalay abbahaa ayaa la helaye”. Caddaawe taleefoonka dhexdiisa ayuu ka maqlayey hadal daciif ah oo ahaa “ABSHIR… ABSHIR… ABSHIR, hooyo yaa soo sheegay warkaas wanaagsan”. Xoogaa farxad iyo mashxarad ah, oo ay Xamdi iyo gabadheedu ku jireen kaddib, waxaa uu Caddaawe ku yiri “Abbaayo Jimcada ayaan idiin keenayaa haddii Alle yiraahdo”. Xamdi iyo gabadheeda oo ay samaacadda u furtay, oo wada maqlayey, ayaa hal mar wada yiri “Haye Caddaawe, waan idin sugeynaa haddii Alle yiraahdo”, iyada oo si wanaagsanna gurigii ugu tilmaantay, maadaama uu xaafadda kala yaqaanay. Haikaas ayaana lagu ballamay, waxaana ka dhimman Jimcadaas la ballamay, saddex beri oo keliya.

Caddaawe waxaa uu isla markiiba soo wacay Dhimbil, waxa uuna u sheegay in uu taleefoonkii saxan yahay oo uu shaqeynayey, uuna wacey Xamdi. “Laakiin baadi-furyo ayaan kaa rabaa saaxiib” ayuu u raaciyey hadalkiisii. Dhimbil, farxad ayuu la dhacay, waxa uuna ku hadlay hadallo badan, oo aan xaddidneyn farxaddaas awgeed. “Walaal Caddaawe, wax walba waa iga diyaar, afkaagu yuusan ku ciilan e, ballan ma nooga soo qaadey?” ayuu si reyn-reyn ku dheehan tahay u weydiiyey. “Haah, oo Jimcada ayaa nala casuusmay oo ah SidataaV, ayuu Caddaawe ku yiri, isaga oo war-bixin dheerna ka siiyey Xamdi iyo xaalkeeda hadda.

Dhimbil ayaa taleefoonkii markii uu isa saarey, farxad darteed sariirtiisii ku dul bood-booday. Waxaa kor u kacday rajadii uu qabay iyo dantii uu u yimid magaalada Xamar. “Jimcadu waa fog tahay” ayuu dhawr jeer is-weydiinayaa, hilowga uu u qabo in uu arko gabadhiisii darteed, laakiin misena waxa uu is-leeyahay ballanta ha ka hor dhicin, isaga oo markaas bilaabay in uu ka fekero waxa uu hadiyad ahaan gabadhiisa iyo hooyadeed ugu geyn lahaa iyo carruurta la dhalatay gabadhiisa ee ay xaaskiisii hore ee Xamdi u dhashay ninkeeda hadda qaba. Waxaa uu hayaa tirada carruurta ay dhashay: wiilal iyo gabdho, waxaa ay kala yihiin iyo weliba da’dooda, oo uu Caddaawe u sheegay.

Waxaa uu bilaabay in uu u wacdo saaxiibkiisii magaalada ku soo dhaweeyey ee Cismaan, waxa uuna ka codsaday in uu geeyo suuqa Bakaaraha, si uu dhar iyo hadiyado ugu gado Xamdi iyo qoyskeeda dhammaan. Waa uu ka aqbalay Cismaan, waxa uuna geeyey Arbacadii suuqa Bakaaraha, halkaas oo dhar iyo hadiyado fara badan oo kala duwan uu uga soo gaday qoyskii Xamdi oo dhan.

Geesta kale, Xamdi, waxaa ay u sheegtay ninkeedii Maxamed Cali, in uu yimid aabbaha Samsam, taasoo uu aad uga maqsuuday, mar haddii gabadhiisii maanta ay cuqdaddii ka baxayso oo ay heshay aabbeheed isaga oo nool, iyaga oo markii hore u wada haystay in uu geeriyooday kal hore. Waxaa ay bilaabeen Xamdi iyo gabadheeda Samsam, in ay diyaariyaan qado-sharaf aad u qurux badan iyo fadhi aad u bidhaan-vvanaagsan. Waxaa ay Xamdi ka codsatay seygeeda Maxamed, in uu isna maalintaas diyaariyo Qaad aad u wanaagsan, maadaama xilligii ugu dambaysay, uu Dhimbil jaadka aad u cuni jirey, marti-qaad aan marqaan lahaynna uusan aadi jirin. Wax walba oo ay lahaayeen waad ku soo dhaweyn kartaan Dhimbil, waa ay diyaariyeen, waxaa ayna sugayaan maalinta Jimeaha ah oo ay hadda ka dhimman tahay hal maalin oo keliya.

Waxaa ay saacaduhu is-guraanba, waa la gaaray Maalintii Jimcada ahayd. Waxaa uu Dhimbil wacay Caddaawe iyo saaxiibkiis Cismaan, oo labaduba kala qeyb-qaadanaya booqashada iyo marti-qaadkaas. Waxaa ay soo baxeen markii ay saacaddu ahayd shan saac (11 AM), waxaa ayna aabbaareen masjidka Khaaliq, oo ahaa masjidkii xaafadda ugu dhawaa, oo ay Salaada Jimcada ku soo tukanayeen, halkaas oo markii Salaadii la tukaday, gurigii Xamdi si toos ah loo abbaaray. Waxaa la gaaray gurigii, waxaana maanta oo dhan albaabka taagnayd Samsam, oo doonaysay in ay aabbeheed albaabka ka furto, isla markaana noqoto qofka ugu horreeya ee aabbeheed qaabila.

Caddaawe ayaa albaabkii garaacay, raise waxaa isla markiiba furtay Samsam, oo maanta oo dhan albaabka ag taagnayd. Waxaa ay aragtay saddexda nin ee meesha taagan. Shaki ayaa galay, oo waxaa ay kala garan weyday qofka aabbeheed ka yahay saddexdaas. Waxaa ay hooyadeed horay ugu sheegtay, in uu aabbeheed ahaa nin madax ah, oo dharka isku joogga ah ku labista, oo ka duwan kuwa ay dadka caadiga ah xidhaan, haddana waxa ay aragtaa saddex nin oo isku labbis ah oo qamiisyo wada qaba. Waxaa ay is-tiri “Ha fashilmine, qaabil oo gee qolka loogu tala-galay”.

Inta ay soo kaxaysay ayey fariisisay qolkii loogu tala-galay. Qolkii ayey galeen. Cajiib, waxa ay la yaabeen qolka quruxda uu leeyahay, sida loo hagaajiyey iyo fadhiga yaalla quruxdiisa. Waxaa ka sii daran, udgoonka iyo hawada carfoon ee is-daba maraysa oo raggii mid walba geestiisa sanka ula raac-raacayo ee uu u jiidayo. Horay ayey u soo galeen, mise, waxaa meesha fadhiya oo ku soo dhaweynaya Maxamed Cali, oo ah ninka Xamdi haatan qaba. “Soo dhawaada Odayaal” ayuu ku yiri, isaga oo istaag ku salaamay. “Waan dhaw nahay” ayey dheheen, inta wada fariisten. Waxaana isla markiiba meesha ka bilaabatay is- barasho.

Xoogaa kaddib, Maxamed Cali waxaa u yeertay Samsam, bannaanka ayuu ugu baxay, waxaa ayna weydiisay aabbeheed, saddexda nin kuu ka yahay, waxa uuna u tilmaamay midka uu yahay. Samsam ayaa si hal-haleel ah qolkii isugu soo sii daysay, iyada oo abbaartay aabbeheed, waxaa ayna ku bilowday shummis iyo “Aabbe, Alle ma ku bed-baadiyey, waxaan u haystay in aad waa hore dhimatay!”. Waa ay kusii catowday, iyada oo lahayd “Alla aabbow, maxaad intaas oo dhan iiga aamusnayd haddii aad noolayd, aabbow miyaadan i jeclayn, sideen maskaxdaada uga tir- tirmay! Alla aabboow… Alla aabboow” iyo erayo kale oo qalbiga aabbeheed wareemayey. Dhimbil, waxaa ku soo joogsatay illin, wax jawaab ahna waa ka soo bixi weyday, waxa uuna ku qallalay gabadhii. Samsam maanta oo dhan waa la hadlaysaa, oo ku barooranaysaa, isna illin keliya ayaa ka qubata, wax hadal ahna ma leh.

Cabbaar markii sidaas la isugu dhegganaa, ayaa waxaa aad u yaabey raggii meesha la fadhiyey, waxaa ayna bilaabeen in ay la hadlaan, gaar ahaan gabadha, oo iyadu miyirkeedii xoogaa joogey. Caddaawe ayaa gabadhii ku yiri “Adeer, aabbe waa miyir-daboolmee, bal hadalka ka daah, inta uu soo miyir- ? laabanayana, bal u soo laabo, haddii kale xaalkiisu sidaan waa ka sii darayaa, adeerey”. Cismaan ayaa hadalkii sii raaciyey, oo yiri “Adeer Samsam, bal noo soo laabo, odaygu xaalkiisu meel aan caadi ahayn ayuu marayaaye, bal aan la sii tacaalnee”. Samsam ayaa hadalka nimanka ku soo baraarugtay. Waxa ay fiirisay aabbeheed, mise ilmo ayaa ka qubanaysa. Si wanaagsan ayey u sii eegtay, mise jidbadii qaadday ayuu ka soo laaban la’yahay, waa uuna hingo- booyayaa. Inta ay maradeeda ilmadii ka qubanaysay uga tirtirtay, ayey ka istaagtay dhabta aabbeheed, isla markaasna baxday, iyada oo lahayd “Aabbe aamus, aabbe I soo fiiri, haye …. waan kuu soo laabanayaa”.

Caddaawe iyo Cismaan ayaa si tartiib-tartiib ah ula hadlay Dhimbil, waxa uuna bilaabay in uu inyar-inyar uu u soo laabto miyirkiisii. Markii uu miyirkiisii caadi noqday, ayuu nimankii weydiiyey “Meedey gabadheydii?” Caddaawe ayaa yiri “Walaal, gabadhii annaga ayaa niri noo soo laabo qadada kaddib, sababta oo ah, waxa aan ka baqnay in aad sidaas ku sii tagtid, oo miyir-daboolka ku gaaray uu ku geeyo meel- xille”. Cismaan ayaa intaas u sii raaciyey “Walaal, wey soo laabanaysaa, qadada kaddib ayaadna ku kulmaysaan meel gaara, oo aad ku kala dhargi doontaan, ee hadda is-dejl walaal”.

Waxaa lagu soo bilaabay marti-qaadkii oo jaadad kala duwan ah. Maxaa dhawrkii daqiiqaba wax gooni ah loo soo dhigaal waxaana ku dhacay raggii meesha fadhiyey indho-daraan- dar. Waa la bilaabay cunto-cuniddii, iyada oo ay dh€ socdeen sheekooyin, kaftanno iyo ka taariikhaynta waayo waayo. Dhimbil isagu waxaa uu ugu jecel yahay sheeko, in laga hadlo wixii Xamar ka dhacayey 23kii sano ee la soo dhaafay iyo sidii ay wax u dhacayeen, ragga meesha joogana waxaa ayba u ahaayeen goob-joog howlahaas oo dhan. Haddii mawduucaas laga baxo, waxaa uu isku dayaa in uu ku soo celiyo, si uu wax badan uga ogaado dhibaatada gaartay magaalada iyo dadka Soomaaliyeed ee ku noolaa. Waxaa hadba looga sheekeeyaa qiso mucjiso ah oo ka dhacday Xamar, oo uu aad ula yaabo ilaa markii dambe looga sheekeeyey, in ay dhacday, in xitaa mooryaantii Xamar dulmigoodii uu gaarey, in ay dadka Miisaamaan, oo qofkii 50KG ka bata, laga qaado lacag, iyada oo calaa kiilo la xisaabinayo.

Sheekooyinkaas iyo qisooyinkaas murugada leh ee looga sheekeynayey, waxaa ay Dhimbil gaarsiiyeen in uu ilmeeyo, waxa uuna markii dambe codsaday in sheekooyinkaas intaa lagu joojiyo si uusan u miyir-daboolmin mar kale. Raggii meesha fadhiyey oo dhan ayaa wada eegay, mise ilmo ayaa ka dhobo’ leh, oo qamiiskiisii in tiisii badnayd qoysay, markaasaa sheekadii la beddelay, oo siyaasadda dawladda Xassan Shiikh Maxammuud iyo arrimaha Feedaraalka laga wada sheekeystay, isaga oo Dhimbilna wax war ah uu ka soo bixi waayey, waxa uuna ku mashquulsan yahay, qisooyinkii nimanku ay ka sheekeynayeen. Inta hogtay, oo uu gacanta iyo wejiga isa saarey, madax-ruxidna bilaabay, ayaa raggii waxaa ay ku soo baraarugeen, isaga oo hoos u dhahaya “Tanina ma dhacday? Wallee Soomaaliya waa loo dambeeyey!!”.

Waa la qadeeyey, alaabtiina waa laga qaadey goobtii. Xoogaa yar kaddib, waxaa kacay Maxamed Cali, waxa uuna keeney Jaad si heer sare ah loo soo naqeeyey, oo weliba ah nooca qaaliga ah ee loo yaqaan Kabaji. Markii uu soo dhigay ayuu yiri “Akhyaarta waa qaade, is yara kuluieeya, waxaan idiin doonayaa shaah, cabbitaano iyo sigaare”. Inta uusan bixin,

hadalkiina uusan dhammayn ayuu weydiiyey “Horta sigaarka ma wada cabtaan mise rag aan cabbin ayaa idin ku jira?”. Waa la is-wada dhugtay, nin walbana waxaa uu u qabaa in ragga kale qayilaan. Cabbaar ayaa Maxamed oo taagan aan loo jawaabin, oo la is-fiir-fiirinayey, taas oo Maxamed qudhiisa shaki ku abuurtay. Markii dambe ayaa waxaa soo booday Dhimbil oo yiri “War ragga qaadka cuna ha u jawaabaan Maxamed, waxaa ay u baahan yihiinna ha u sheegaan”. Mar labaad ayaa la aamusay, waxaana sii amakaagay Maxamed, oo aaminsanaa in uu Dhimbil yahay ninka hawshaan loogu tala-galay, maadaama ay xaaskiisu u sheegtay, in uu muqayil weyn ahaa. Cabbaar ayuu misa sugayey Jawaabaha labada kale. Caddaawe ayaa soo booday oo yiri “Maxamed, qaadka waa hore ayaa iigu dambaysay, waxaana joojiyey 1999kii, marka aniga dhankaygana waa ka bas”.

Maxamed waa niyad-jabey markaan, oo isaga laftiisa ayaaba qayila, waxa uuna lahaa “Maanta Akhyaar-sharaftaan Is-kala baashaal”. Waxba markaan meesha uma yaallaan, maadaama labadii nin ee loo xil-qabay ay dheeheen “ Ma qayilno”. Inta isagu su’aalay kii saddexaad ayuu yiri “Adeer adigu ka warran?”. Suuye “Adeer, weligeyba anigu qaad ma cunin, sigaarna iskaba dhaaf’. Halkaas ayuu Maxamed ku bas- beeley. Waxaa uu bilaabay in uu qaadkii ka hor qaado nimankii, isaga oo u geeyey una sheegay Xamdi, in maanta la khasaarey, oo nimankii qaadkii wada diideen, isla markaasna sheegeen in ay horay u joojiyeen. Waxaa uu ka codsaday Xamdi, in ay u yeerto naagtii qaadka laga soo qaadey, oo loo celivo.

Xamdi oo kala garan weyday in uu Dhimbil sidiisa u diiddan yahay maanta iyo in uu joojiyey qaadkii ayaa tiri “Waa yahaye, adigu intaada ka reebo”. “Aniguna ma rabo, raggaasna qaad ku hor cuni maayo, ee hala wada celiyo” ayuu ku yiri Xamdi. Halkaas ayaa qaadkii lagu celiyey, iyada oo Maxamed Cali- na uu maalintaas go’aansaday, in uu joojiyo qaadka cuniddiisa – oo awalba uu ku dhibbanaa ruugistiisa – maadaama maqaawiirtaasiba iska joojiyeen. Waxaa uu Maxamed ku soo laabtay marti-sharafkii oo uu shaah iyo cabbitaanada cuntada dejiya u soo qaaday, halkaasna xoogaa lagu sii wada sheekeystay, iyaga oo Maxamed Cali uga cudur-daartay marti-qaadkii Jaadka iyo luggooyadii uu kala kulmey.

Xoogaa yar kaddib, waxaa uu Dhimbil codsaday, in uu soo arko Xamdi iyo carruurteeda, waxaana bannaanka u soo saarey Maxamed, oo tusiyey halka ay fadhiyaan. Waa uu aaday, waxa uuna arkay Xamdi oo bur-burkii ka hor isugu dambaysay, oo sideedii u eg. Kor ayuu inta ka salaamay ku yiri “Abbaayo Xamdi waan ku salaamey”. Inta ay fiirisay ayey tiri “War ninkaani ma Axmed Samatar baa?”. “Waa isagii” ayuu yiri, inta qoslay. Xamdi ayaa inta la yaabtay sida uu u ekaaday iyo sida uu ahaan jirey, tiri “War ma saanaa kuu dambaysay?!”. “Adduunoow Xaalkaa ba’!” ayey sii daba dhigtay hadalkeedii. Dhimbil, markaan madaxa ayuu ruxayaa, oo waxaa uu xasuustay magacii uu isagu sheegay Xamdi, maadaama ay la soo boodday, boogtaasna waa ka dhayantay.

Samsam ayaa raarkii ay aabbeheed aragtay, mar labaad ku boodday, oo xabadka inta saartay ku tiri “Aabbe, ha iga tagin mar labaad, kaa hari maayo, meel walba oo aad u socotid waan kuu raacayaa. Waan kuu hiloobey, wax badan ayaana muuqaaga raadinayey. Muddo ayaan ka shakisanaa in aan aabbe leeyahay iyo in aanan lahayn oo la i maaweelinayo, haddii aan maanta ku helayna sinnaba kaaga hari maayo”.

Dhimbil mar labaad ayuu ilmadisii xukumi waayey, hadallada gabadha ka soo yeeraya awgood, laakiin markaan waa boohin-hadlay, waxa uuna gabadhii ku yiri “Aabbe, wixii dhacay ka raalli ahow, waana khaiad aan sameeyey, mar dambana dhici mayso, waxaan se aabbe kaa codsanayaa in aad illowdo wixii hore, oo aan maanta u wada furno bog cusub xiriirka yaga dhalasho. Kaa tagi maayo, kala hari mayno, in ay geeri na kala geyso mooyee”.

Samsam hadalladaas waxaa ay u dhayeen boogo fasasay, oo horay dhayid iyo daawo loogala quustay, waxaa ayna aabbe ugu hadal-celisay “Aabbe, hadalkaaga waan ku qancay, waxa uuna runtii iga daaweeyey xanuunno badan oo isugu jirey kuwa nafsaani ah iyo kuwa duieed, oo aan in muddo ah la hulaaqnaa. Aabbe, waxaa kale oo i qanciyey, in aadan i hilmaatnin ee aad jid-dheer u soo gashay baadi-goobkeyga. Aabbe, waan ku jeclahay, weligaana qalbigayga ayaad ku astaysan tahay”. Waxaa ay intaas sii raacisay Samsam “Aabbe, intaan kuma kala bogan karno e, wakhti dheer ayaan wada qaadan doonnaaye, hooyo iyo carruurta salaan” Markaas ayuu Dhimbil waxaa uu bilaabay in uu carruutii la kulmo, sal-salaamo, isla markaasna hadiyado qaali ah oo uu reerka oo dhan ugu soo tala-gaiay wada guddoonsiiyey.

Dhanka Xamdi ayuu u soo jeestay, waxa uuna ugu dhaqaaqey in uu ka wareysto xaalkeeda iyo saamayntii dagaalladii sokeeye, Waxaa ay si kooban uga warrantay wixii ba’naa ee la l soo maray iyo sidii Alle gees uga mariyey. Waxaa ay u sheegtay in dagaaliada ay weheliyeen cudurro iyo macaiuul,’ mararka qaar u dhaweeyey in ay naftooda ku waayaan, laakiin Hebbe ka soo bad-baadiyey. Iyada oo xasuusyo badan gashey, inta ay musiibadii Xamar ka sheekeyneysey, ayey tiri, “Axmedow, wixii hoog iyo halaag la soo maray, maalin loogama sheekeyn kare e, haddii Ilaahay na mootiyey, in aan ku mahadinaa waajib nagu ah”.

Xamdi, mar waxa ay uga warrantay Dhimbil, in ay Xamar ka qaxdey 2007dii, oo hoog iyo ba’ ka dhacayey dartiis ay Hargeysa ilmihii ula carartay. Waxaa ay aad ugu ammaantay nabadda Hargeysa tiilley iyo dadka ku nool, oo ay ku ammaantay garaad iyo garasho. Waxaa ay ka abaal-sheegatay oday Axmed la yiraahdo, oo ay gurigiisa ijaar ugu jirtay.

Xamdi oo uga warramaysey Dhimbil abaaikii uu Oday Axmed u galay, ayaa waxaa ay ku tiri “Ayaan uu Maxamed Cali shaqo la’aan noqday, oo ay wax iga ka kala go’een, ayuu ijaarkli isku kay gaarey saddex bilood, markaas buu Oday Axmed inta uu ii yimid i weydiiyey, waxaa aan kiradii u bixin la ahay. Markaas baan waxaan u sheegay daruuf yar in ay jirto, aniga oo ka codsatay in uu ii dul-qaato muddo yar. Inta uu naxey, oo si fiican oo dhugmo leh u eegay aniga iyo carruurtaydaba ayuu indhaheena ka dareemey busaaradda adag ee na haysa. Inta cabbaar hogtay, oo ka xumaadey nolosha iyo wax la’aanta na haysa ayuu igu yiri “Adeer, kiro dambe, biyo dambe iyo nal dambe ma bixin kartaan. Dukaankaas naga soo horjeeda ee uu leeyahay Xaaji Warfaana, waxa aad u baahan tihiin ka soo qaata (lacag iyo cuntaba) waan idin kala ballamayaaye, kuna noolaada halkiinnaan inta Xamar xaaikeedu si noqonayo”. Sidaas ayaan barwaaqo ugu nooleyn 2009kii – 201 lkii, oo uu odaygaasi halkaas nagu hayey. Waxaa uu Oday Axmed aad u jeclaa gabadhaada Samsam, oo iyaduna baarri u ahayd”. “Alla nasabsanayaa! Weligay ninkaas oo kale ma arag, waxaana ku dueeystaa, in uu ninkaasi mar un isoo muto, aniga oo ladan” ayey war- bixintaas ugu soo koobtay.

Intii ay hadalka u wadday ayey soo xasuusatay xaalka Samsam iyo guurkii ay soo martay, markaas ayey la soo boodday “Walaal hal arrin oo aanan kuu sheegin ayaa jirta. Gabadhaada Samsam, sannad ka hor ayaa la guursaday, wiil fiican ayaa qabay muddo sannad ka badan, markii dambena waa kala tageen”. Inta hadalkeeda la yaabey ayuu ku yiri “Oo muxuu ahaa wiilkaas fiican, maxaa ayse isku fureen?”. Markaas ayey qisadii iyo sidii ay u dhacday – bilow ilaa dhammaad – uga sheekeysay. Inta madaxa ruxay ayuu yiri “Wallaahi qisooyinkaas ragga waa ku dhacaan, waana wax iska rabbaani ah”. Isaga oo hadalkii ku dhex jira ayey Xamdi su’aal deg-deg ah weydiisey, waxaa ayna ku tiri “Walaal, qaadkii ma iska daysay?”. Inta qoslay ayuu ku yiri “Waxaas Ilaahay waa iga koriyey. Ma u malaynaysaa haddii aan cuni lahaa in aan idin soo raadin lahaa?”. Isla isaga ayaa isku jawaaabey oo yiri “Maya, wallaahi baana idin soo goobeen!

Xamdi soo tna ogid, wax yaalihii reerkaygaan iyo kuwo kalaba aan waajibkooda u gudan waayey, oo aan u kala tagnay in uu isaga sabab u ahaa?”, Misena inta hadalkii qaatay ayuu ku soo gaba-gabeeyey “Waxaas ha i maqashiin, Alle waa iga koriyee!”

Waxaa uu u sheegay Xamdi iyo Samsam ba, in ay jirto gabar kale oo uu dhalay oo kol dhow aqal-galaysa, oo uu doonayo in uu soo baro Samsam. Inta faraxday ayey Samsam tiri “Aabbe gabadhaasi halkee ku nooshahay, waan jeclahay dad ila dhashay in aan arkee?”, Waxaa uu ku yiri “Waxa ay deggan tahay xaafadda Buulo-Xuubey, waxaana ku soo barayaa berri ma ahane saadambe, haddii Alle yiraahdo”. Isaga oo hadalkii sii wata, ayuu weydiiyey Samsam in ay taqaan Hoteelka Kuraasya-cad. “Haah waan aqaan” ayey ugu jawaabtay. Waxaa uu ku yiri “Aabbe taleefoonkayga qoro, oo maalinta saadambe ah ee Axadda ah iigu imow, Ida Duhurnimo, ina soo wac markii aad timaado, laguuma oggola in aad iska gasho Hoteel-kee”. Inta si farxad ku dheehan tahay wejigiisa u I’iirisay ayey tiri “Haye aabbe, aniga ayaa kuu imaanaya haddii Alle yiraahdo”. Halkaas ayeyna maalintaas ugu dhammaatay farxad iyo reyn-reyn, oo u badneyd Samsam iyo aabbeheed Dhimbil.

Dhimbil ayaa raggii gadaal ugu soo laabtay, waxa uuna u sheegay in uu soo bogtay. Waxaa ay hal mar la soo boodeen “Hambalyo, Ilaahay ku mahadi haddii maanta gabadhaadii Alle nabad kugu tusiyey”. “Al-xamdulillaahi” ayuu yiri, waxa uuna sii raaciyey “Aad ayaad u mahadsan tahay Walaalkey Caddaavvc, Abaalkaagana ma gudi karo”, isaga oo sii daba dhigay “\ alaalayaal ina keena aan baxnee, inta uusan gabbalku naga dhicin”. Waa ay baxeen iyaga oo wada macasalaameeyey reerkii Xamdi iyo Maxamed Cali. Waxaana si gaara isku sii macasalaameeyey Caddaawe iyo Xamdi oo is-lahaa “Aad iyo aad ayaad u mahad-santahay aboowe Caddaawe, abaaikaaga lama gudi karo iyo abbaayo adiga ayaa mudan, waa la isku leeyahay”. Markii ay baxeen oo gaareen laamiga Geed-jacayl, ayaa saddexdii nin – inta si sharaf leh isku salaameen – ninba gurigiisii abbaaray oo caasi qabsaday.

Markii uu Dhimbil tagay Hoteel-kiisii ayuu isku tuurey sariirtiisii, waxa uuna isku dayey in uu indha-guduudsado, laakiin hurdo ayuu gama’ siin waayey. Waxaana maskaxdiisa ka guuxaya wax yaalo badan oo uu kala garan la’yahay in ay tahay farxad iyo in ay tahay murugo. Mar waxaa maankiisa ku soo dhacaya la-kulanka gabadhiisii oo uusan weligiisba arag, marna waxaa uu gocanayaa wax-yaalo tiiraanyo ah, oo qisooyinkii iyo musiibooyinkii nimankii ay ka warramayeen ayaa hadba qiso qiso u soo hor maraysa. Hadba sariirta ayuu gees isugu tuuraa, waxa uuna iska baaraa hurdo, mise ma helo. Waa uu is-maaweeliyaa, waxa uuna qalbigiisa ka saaraa was-waaska iyo shaashad-beenaadka ay ka socdaan filimaanta jinni-jinniga ah. Xoogaa kaddib ayuu hurdo calwo-saad ah garn’ay.

Markii uu soo kacay ayuu Hoteelka qeybtiisa kafeega fariistay, waxa uuna u yeertay Kafee-canoole Rasiin ah, oo kala socda. Intii uu cabbayey ayuu maankiisa kala sheekeysanayey qaabbilaaddii iyo aragtida wejiga gabadhiisii quruxda badneyd. Waxaa u soo baxaysey in uu ku guulaystay aragtida iyo helidda labadisii gabdhood. Laakiin, waxaa u bilaabatay daaqad murugo ah oo kale. Hadda waxaa uu is- weydiinayaa halka wiilkiisii uu ku dambeeyey. Waxaa uu markaan u muuqdaa in uuba wiilkaas ka jecel yahay labadaan gabdhood, oo haddii isaga uu ka hor arki lahaa labadaan gabdhood aysan mushkilad badan ku hayseen. Inkasta oo uu baadi-goobkiisii koowaad ku guul-darraystay, waxaa uu hadda is-weydiinayaa sidii uu ku raadin lahaa iyo waddooyinkii kale ee uu u mari lahaa baadi-helkiisa.

Xoogaa kaddib ayuu waxaa uu wacay Nasiib, waxaa uuna ku yiri “Aabbe ii waran, labadaan maalmood kuma soo wicine”. “Aabbe aad iyo aad ayaan u fiieanahay, waan ogahay aabbe xaalkaaga iyo in aad magaaladan oo ay kuugu dambeeyey 23 sano ka hor ku mashquulsan tahay, waana dareemi karaa”.

Inta maankiisu hadalka quraxda badan ee Nasiib ku degay, ayuu yiri “Aabbe waxaan doonayaa in aan ku baro gabar walaashaa ah, oo aan dhalay oo la yiraahdo Samsam, oo ku noul xaafadda Geed-jacayl, waxaana ku ballamiyey saadambe oo Axad ah, Hoteel-kaan aan degganahay. Marka Aabbe ii imow maalintaas aan iskiin baree Walaashaa”.

Nasiib ayaa hadalkaas aad uga maqsuuday, maadaaina ay keligeed dhashay hooyadeed, ayna aaminsanyd in aysan lahayn wax walaal ah oo kale. Inta farxad la soo boodday ayey tiri “Alla aabbe i bar walaashey macaan, wallaahi farxad gaara ayey ii leedahay arrintaas aanan la qiyaasi karine. Waan rabey wax walaal ah oo aan leeyahay in aan arko, waana imaanayaa maalintaas”. Waxaa ay sii raacisey hadalkeedii “Aabbe ma galabbaa ballantu mise waa subax?”. Waxaa uu u sheegay in ay qado tahay oo ay ku wada qadeynayaan Ida duhurnimo isla Hoteel-kaan.

Labada gabdhood mid kasta waxaa la dheeraadey wakhtigii, maadaama mid walba ay kal-gacal iyo hilow badan u hayso in ay aragto qofta kale ee ay walaalaha yihiin. Maalintii la gaarey wakhtigii, ayaa mid walba waxaa ay isku soo aadisay Hoteel-kii uu aabbaheed ku ballamiyey, waxaana ku soo hormartay Hoteel-kii Samsam oo iyadu 12kii duhurnimo oo gow ah iskeentay.

Samsam, iyada oo irridda Hoteel-ka taagan, oo kuwa irridda jooga u diiddan yihiin in ay gasho, leeyihiinna “Waco qofka aad u socoto”, ayaa waxaa meesha soo istaagey Faarax oo Hoteel-ka aad looga yaqaanney. Waxaa uu arkay Samsam oo irridda taagan oo lagu celinayo. Waa uu salaamay, waxa uuna ku yiri “Abbaayo maxaa meesha ku istaajiyey?”. Inta farxad iyo reyn-reyn ku soo dhaweysay seygeedii hore ee ay jeclayd, laakiin maqaaddiirtu dhaafisay, ayey ku tiri “Abboowe ma ii fiican tahay? Abboowe, aabbahay ayaa yimid oo Hoteel-kaan deggan oo igu ballamiyey, marka taleefoonkiisiina lama heli karo ayuu leeyahay, nimankaanna waa ii diideen in aan galo.”

Faarax aad iyo aad ayuu ugu farxay in ay Samsam maanta aabbeheed heshay, laakiin misena waxaa uu is-weydiinayaa oo is leeyahay “Soo tii waagii aad guursanaysay la lahaa gabadhaan aabbeheed waa dhintay, goorma ayuu soo noolaaday?!”. Isaga oo yaabban ayuu yiri “Abbaayo soo tii adiga iyo hooyaba aad lahaydeen waa dhintay aabbe”. Waa ay dhoolla-caddaysay, gees ayeyna inta la istaagtay, isla markaas guda-gashay in ay – guud iyo cirib – uga warranto arrinka aabbeheed, Markaas ayuu inta qancay u hambalyeeyey, kuwii albaabka joogeyna kala hadlay, oo isaga iyo iyaduba irriddii horay u dhaafeen. Intii ay sii socdeen, ayey hadallo is-xog-wareysi iyo kaftan u badan is dhaafsanayeen. Faarax ayaa hadalkii ku soo gaba-gabeeyey “VVallaahi waad iga nasiib iyo aayo wacan tahay, haddiiba aad aabbahaa heshay, anigu well wax raadkiis iyo ruuxiis sheegaya ma arag!”

Markii ay Hoteel-kii qeybtiisii dambe galeenba, waxaa ay Samsam isheedu qabatay aabbeheed oo meel fadhiya, oo sugayey labadiisa gabdhood. Inta ku soo boodday ayey salaan iyo dhunkasho isugu dartav, waxaa ayna ku tiri “Aabbe caafimaadkaaga iiga warran”. Is-wareysi yar kaddib, inta aabbeheed soo jeedisay, oo farta ugu fiiqdey ayey tiri “Aabbe wiilkaas ayaan doonayaa in aan ku baro, waa seygaygii aan jeclaa ee ummuurtu na kala geysay, waa Faarax”. Inta ay Faarax u yeertay ayey ku tiri “Waa kan aabahay Axmed”. Faarax inta salaan ku boobay ayuu ku yiri “Adeer waan ku salaamay, waana ku faraxsanahay in aad qoyskaagii iyo gabadhaadii aad is hesheen, oo aad la midowday”.

Oday Dhimbil, oo runtii qisada gabadhiisa iyo wiilkaan si wanaagsan looga sheekeeyey ayaa ku yiri “Adeer waa nabad, waana fiicanahay. Waan ku faraxsanahay in aan ku barto. Waa la iiga warramay in aad tahay wiil wanaagsan oo ka sarreeya qeyrkiis, waana maqlay Jacaylka adiga iyo gabadhaydaan idin ka dhexeeyey, laakiin waa iska adduun, oo wax walba waa la arkaa, marka adeer barasho wanaagsan, halkaanna waa la iga helaa”.

Faarax oo xoogaa ka naxay war-bixintaas odayga horay laga sityey, ayaa yiri “Haye adeer barasho wanaagsan, waan sii baxayaaye”. Inta gacanta u haatiyey Samsam ayuu ku yiri “Samsam abaayo Hambalyo, guul ayaan ku rajaynayaa, ASALAAMU CALAYKUM”. Samsam iyo aabbeheed ayaa hal mar wad a yiri “WACALAYKUMU SALAAM”. Marka uu sii baxayey, ayey Samsam u yeertay, waxaa ayna ku tiri “Aboowe, gabar aan walaalo nahay ayaa inoo imaanaysa, oo Aabbe i barayee maad sugtid, aan ku baree”. Faarax ayaa ugu javvaabey “Abbaayo, hadda aabbe farxadda la wadaag, anna meel ayaan u deg-degsanehee, maalin kale inooga dhig barashada abbaayo”. “Haye” inta tiri ayey macasalaamaysay.

Samsam, intii ay is-baraysey seygeedii hore iyo aabbaheed, waxaa ay la yaabto ayey aragtay. Waxaa ay fiirisaa aabbeheed, mama waxaa ay fiirisaa Faarax, mise waa isku egyihiin. Madaxa, indhaha, sanka, dhagaha iyo dhabannada waxba isma dooriyaan. Si fiican ayey isha uga wada buuxsataa, mise waxa aad mooddaa in la-kala jeexey. Mar ayey is-tiraahdaa ma u sheegtaa oo ma tiraahdaa “Waad isku eg tihiin”, mama waxaa ay is-leedahay “Mindhaa waa isku qolo, oo sidaas armay isugu ekaadeen” Waxaa ka soo harey amakaag iyo aamus iyo “Aile nimankaani isku ekaa, ma mataano isku calool jiifey baa!”

Faarax ayaa Hoteel-kii ka baxay, waxa uuna aaday dhanka Hoteel-ka Saxafi. Markii uu wadada gooyey, ayuu arkay Nasiib oo caasi meesha uga deganaysa. Inta u yeeray ayuu salaamay, waxa uuna weydiiyey “Abbaayo halkeed u socotay?”. Waxaa ay u sheegtay in ay deg-degsan tahay, oo aabbeheed la ballansan tahay. “Haye abbaayo orod” ayuu yiri Faarax, oo horay u ogaa in aabbeheed deggan yahay Hoteelka Kuraasya-cad. Sidaas ayey ku dhaaftay iyada oo deg-degsan oo daahsan.

Faarax, waxaa uu galay Hoteel-ka Saxafi oo uu dan ka lahaa. Inta dantii uu ka lahaa illoobey ayuu meel iska fariistay, waxa uuna bilaabay in uu is-weydiiyo sida ay uga nasiib badan yihiin Samsam iyo Nasiib, oo labadooda aabbayaashood yimadeen, misena waxaa uu is-leeyahay “Iska dulqaado adba aabbahaa waad heli doontaaye”. Mar waxa uuba ka shakisan yahay hadalkii Samsam ee ahaa “Gabar aan walaaio nahaa ii soo socota”, misena waxaa uu isku qanciyey, in ay Nasiib horay ugu sheegtay in aysan jirin wax walaaieheeda oo ay taqaano oo aabbeheed dhalay. Waxaa uu mar kale galay ka fekerka aabbihiis iyo meesha uu ku dambeeyey iyo weliba sida uu ku raadin karo. Sidee ku raadiyaa maba yaqaan qaraabo iyo cid aabbihiis raadintiisa ka caawisee, hooyadii la goobi laheydna ma joogto waddanka, oo waxaa ay jirtaa waddanka Yaman.

Markaan caloolyow iyo walbahaar aan yareyn ayaa ku soo kordhay. Mar ayuu is-leeyahay “Ma baafisaa aabbahaa?”. Mar waxa ku soo dhacda “Ma aaddaa Ceeri-gaabo”. Marna waxaa uu is-dhahaa “Iska sug, waxaa laga yaabaa sida Nasiib iyo Samsam oo kale, in uu aabbahaa Xamar kuugu yimaado, isaga oo ku raadinayee”. Waxaa uu isla sheekeysigiisa ku soo hooriyaa “Alle gabdhuhu, cawa iyo ayaan badanaa!”.

Nasiib waa tagtay Hoteel-kii, aabbeheed ayey la hadashay, inta aysan gelinna la hadalsiisay waardiyihii, sidaas ayeyna ku sii daayeen. Isla markii ay gashayba, waxaa ay indhaha ku dhufatay aabbeheed oo fadhiya bannaanka hore ee Hoteel- ka, meesha dalladdu taallay ee lagu qadeeyo. Inta salaantay isaga iyo Samsam-ba ayey ku fariisatay kursi u diyaarSanaa. Odaygii ayaa halkaas isku baray Samsam iyo Nasiib, oo markii la is-barayey inta isku soo booday dhabannada iska shumiyey, iyada oo midba rnidda kale ku lahayd “Abbaayo, Barasho Wanaagsan” iyo erayo walaaleed kale.

Laakiin Samsam iyo Nasiib hadda isuguma horreyn, oo hadda ka hor ayaa waxaa si kedis ah, oo lama filaan ah Isku baray Faarax, oo markaasna qabay Samsam, saaxiib-na la ahaa

Nasiib. Samsam iyadu waa ay hilmaantay Nasiib, dhibaatadii maalintii ay is-arkayeen haysatay awgeed, laakiin Nasiib waa xasuusataa in ay hadda kor is-arkeen, waxaa ayse hadda is- weydiinaysaa walaaltinimada iyada iyo Faarax ka dhexeysay, iyada oo Faarax-na u sheegay, in aysan jirin wax la dhashay oo uu yaqaan! Waxaa ay is-tiri “Mar kale ayaad ka wareysan doontaa iyada iyo Faarax walaaltinimada ay ahaayeen iyo meeshii ay ka ahaayeene, bal hadda sheekada ha dhabqin”.

Dhimbil, markii uu gabdhihiisii is-barey ayaa intii ay qadadii cunayeen waxa uu mid walba weydiiyey, bal in ay abtirkeeda taqaan, markaasaa mid walba la soo booddey laba magac oo kaliya. Kaaga darane, labada gabdhoodba laba kala ina-ayo ayey sheegeen. Markaas ayuu si xariiftinamo leh isugu aaddiyey abtirkooda, isaga oo u sheegay in abtirka gaaban ee ay yaqaaan ay hooyooyinkood ka khaldeen, oo iska daba mariyeen. Waxa ay ahaayeen gabdho ciil qabaye, waxa ay si fiican uga wada qorteen abbahood abtirkooda oo dhammaystiran, laakiin dhibku waxa uu ka taagan yahay, oo mid waliba geesteeda isku weydiisay, sidii loo beddeli lahaa magacaas ugu qoran dhammaan dukumiintiyadooda waxbarashada!

Markii qadadii la bogtay, oo cabbaar inta la fadhiyey sheekeyn iyo taariikheyn socotay, ayaa Samsam waxa ay si kedis ah u soo wacay hooyadeed oo howl muhiim ah uga baahatay, waxaa ayna ka codsatay aabbeheed in ay baxdo, oo ay mar kale u timaado, aabbeheedna waa fasaxay. Markii ay macasalaamaysay oo ay rabtay in ay dhaqaaqdo, ayaa waxaa la hadashay Nasiib, waxaa ayna u sheegtay in ay aroos galeyso, oo ay muhiim tahay in ay timaado, taas oo ay Samsam si farxad leh uga aqbashay, una sheegtay in uu aabbe mar hore u sheegay arooskeeda. Waxaa ay u sheegtay wakhtiga uu arooskaas dhacayo, iyada oo u tilmaantay guriga meesha uu ku yaallo.

Samsam markii ay gurgii tagtay-ba, horay ayey hooyadeed ka war-gelisay, una sheegtay in ay walaasheed isa soo barteen, ayna aqal-galayso, ayna tahay RAJO, oo nalooga baahan yahay, in aan garab istaagno, taas oo ay Xamdina madaxa u ruxday.

Waxaa odaygii ku soo hartay Nasiib, oo ay is ka wareysanayeen arrimaha arooskeeda. Nasiib waxaa ay aabbeheed u sheegtay in xilliga arooska loo keenayo gaari gaar ah, oo guriga keenaya, iyada oo aabbeheed ka codsatay, in uu arooskaan ugu duceeyo, in uu noqdo aroos khayr qaba oo ay ku baraarto. Odayga oo isla meeshii-ba ducadii ku bilaabay ayaa u sheegay, in uu ku faraxsan yahay arooskaan, oo xitaa haddii dhaqaale loo baahdo uu wax ka bixinayo, taas oo Nasiib ay ka maqsuuddey sida wacan ee uu aabbeheed arooskeeda u qaddarinayo. Intii sheekada arooska lagu jirey ayaa aabbeheed weydiiyey “Aabbe weiigey waxa aana ku weydiin wiilka qolada uu yahay”. Markaasey tiri “Aabbo waa Reer Qansax”. Suuye “Masha Allah, naa wiilka waanba is- leenahay, soo ma ogid in aad isku hayb tihiin?”. Sayte “Haah aabbe waan ogahay”. “Masha Allah, nin aad isku dad tihiin ayaad he shay. Aabbe waad nasiib wanaagsan tahay”, ayuu si farxad leh ku yiri. “Aabbe, qabiilka gadaal ayaan ka ogaannaye, aniga iyo isaguba waxaas naguma jirin ee jacayl baan isku guursanney, oo jacaylkaa qabiilka nooga weynaa” ayey odaygii ku tiri.

Saacado badan oo ay wada fadhiyeen, oo uu aabbeheed wax badan uga sheekeynayey Nasiib, welina aysan kala bogan, ayaa waxaa ay noqotay goor gaaban, waxa uuna ku yiri gabadhiisa “Aabbo Nasiib, galbo waa gabbal-dhac e, Xamar xaalkeedu ma wanaagsanee, Insha Allah, waan isla joognaa, oo wakhti kan ka badan ayaan qaadan doonnaaye”. Haye” ayey tiri Nasiib, inta labada dhaban mac ka siisayna baxday.

Markii ay Nasiib saas uga baxday-ba, waxaa Dhimbil soo wacay walaalkiis Nuur, oo markaas joogay Sanca ee waddankaYaman. Waxaa uu u sheegay in ay berri imaanayaan isaga iyo xaaskiisa Raxmo magaalada Xamar. Dhimbil aad ayuu ugu farxay imaanshaha walaalkiis, waxa uuna doonayaa in uu arko walaalkiis cx) ay ugu dambaysay muddo 24 sano ah ka hor. Waxaa kale oo uu doonayaa in carruurtiisii oo uusan horay u barin uu haatan baro. ]

Dhanka kale, Nuur waxaa uu u imaanayaa in uu soo indha- indheeyo xaaladda magaalada Xamar, oo uu fiiriyo in ay nolol ka ansixi karto iyo in kale. Kama marna imaanshihiisu, in uu soo booqdo oo uu barto waalidiinta, walaalka iyo qaraabada kale ee Raxmo iyo wiilkeeda oo carruurtiisa walaalkood ah. Dhimbil ayaa Nuur ku yiri ‘’Walaal xilligee ku soo aaddan tahay Xamar aan kuu diyaariyee gaari iyo Hoteel . e?” “Walaal waad mahadsan tahay, xaaska ciddeeda ayaa meel inoo diyaariyey, iyaga ayaana goroonka noogu imaanaya, markaan imaadno oo aan degno ayaan ku soo wacayaa Insha Allah” ayuu ugu jawaabey Nuur.

Markii ay Nuur iyo xaaskiisa Raxmo yimaadeen Xamar, waxaa j ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde soddogiis Qaasim iyo seedigiis Saalax, waxaa ayna isaga dejiyeen – sidii uu codsaday – Hoteel ku yaalla suuqa Bakaaraha oo la yiraahdo Hoteelka Muqdisho, iyaga oo Raxmana geeyey gurigoodii.

Faarax, miyirka ayaa ka tagay markii uu arkay hooyadiis, oo 5 uusan arag sidii uu caqliyeystay. Waxaa ka da’day illin uu ka keenay hilowga uu u qabay hooyadiis, oo in muddo ah uu ku riyoonayey araggeeda. Geesta kale, Raxmo waxaa uu dareenkeedii joogaa halkii ugu dambeeyey, maadaama ay maanta la joogto wiilkeeda, walaalkeed iyo waalidkeed. Isku soo boodid, is-dhunkasho iyo isku dul-booyid kaddib, waxaa ay qoyska iyo Raxmo iska wareysteen muddadaas dheer, wixii dhib iyo dheef lala kulmay, waxaana Raxmo marna aad u xiiso-geliyey, marna ay ka qarracantay war- bixinta guurkii hore ee Faarax, iyada oo u aragtay in ay waayo-aragnimadeedii meesha ka maqneyd. Waxaa mar labaad farax-galiyey arooska cusub ee uu Faarax damacsan yahay in uu galo, iyada oo ballan ku qaadday in ay garab

istaagi doonto, oo uusan dhibkii hore la kulmi doonin. Waxaa ayse Raxmo runtii jawaabo u la’dahay su’laaha badan ee kaga imaanaya Faarax ee ku saabsan aabbihiis.

Waxaa maalin kaddib guriga reer Qaasim yimid Nuur, oo isna si guud cidda u kaia bartay, si gaar ahna Faarax u bartay, maadaama uu aabbihiis labaad yahay. Nuur waxaa uu aad ugu riyaaqay arooska wiilkiisaan uu galayo toddobaadka soo socda, isaga oo ugu hambalyeeyey arooskiisa cusub, una duceeyey, isia markaasna ballan-qaaday in uu farxaddaas wiilkiisa uu kala qeyb-geli doono. Waxaa uu Nuur xididkiisa u sheegay in walaalkiis oo ka yimid Xagardheer uu joogo magaalada, uuna cidda soo bari doono, marka uu Faarax arooskiisa dhammaado kaddib.

Nuur, markii uu iaba maalin joogey oo uu nastay, ayuu walaalkiis Dhimbil wacay, oo uu u sheegay Hoteel-ka uu ku soo dagey. Dhimbil, inta isla markiiba labbistay ayuu taksi horay uga dhacay, inta u sheegay Hoteel-ka magaciisa iyo meesha uu ku yaal, waxa uuna isla markiiba hor istaajiyey Hoteel-kii. Nuur oo ku sugayey xafiiska soo dhaweynta hoteel-ka, ayaa markii uu Dhimbil soo galay ku booday, halkaasna waxaa ka dhacay, wixii ka dhex dhici jirey walaalo muddo kala maqnaa, oo isku soo hiloobey. Muddo saacado ah, oo la is-xog-wareysanayey kaddib, waxaa uu Dhimbil walaalkiis Nuur u sheegay, in asbuucaan, maalinta Khamiista ah, gabdhihiisii uu dhawaanahaan helay mid ka mid ah la aroosayo, sidaas awgeedna uu kala soo qeyb-galo. Nuur waa uu ka cudur daartay in uu ka qeyb galo, waxa uuna ku yiri “Walaal, casuumaaddaada mid kale ayaa iiga horreysay, oo isla wakhtigaas dhacaysa, oo xididkey iga dalbaday, waxaana aroosaya wiil aan hooyadiis qabo, marka taas ayaan ballan- qaaday ee walaalow iga raalli ahow, waan jeclaa in aan kaala qeyb-qaato farxaddaase”. Dhimbil warkaas maan-gal ayuu la noqday, waxa uuna ku yiri “Waa yahay walaal”. Halkaas ayaana galabtii la isku macasalaameeyey, iyada oo la ballamay aroosyada kaddib.

Waxaa uu Dhimbil la xiriiray walaashiis Safiyo Axmed, waxa uuna u sheegay in ay ka soo qeyb-gasho arooska gabadhiisii Nasiib, oo uu horay ula socodsilyey iyada iyo gabar kale In uu helay, wiilkiina well u dhimman yahay. Waa ay ka aqbashay, waxaa ayna tiri “Anigu garan maayo xaafaddee, hoteelkaaga ayaan kuugu imaanayaa maalintaas, subaxdeeda hore, si aan isku wada raacno”. “Waa hagaage, abaayo iigu imow hoteelka annagaa is-raacaynee, Insha Allah”, ayuu ku yiri.

Dhan kale, Dhimbil horay ayuu ula socodsiiyey aabbihiis Axmed, in uu helay qaar ka mid ah carruurtii, taas oo odaygiina farxad-gelisey, maadaama uusan weligiis arag carruur uu dhaiay wiilkiisa madiga ah. Sidaas oo kale, ayuu odaygiina ula xiriirey, oo uu ka codsadey in uu Xamar yimaado si ay isku arkaan, arooskaarma uu uga soo qeyb- galo.

Nasiib wanaag, maalintii uu arrintan kala hadlayey odayga, oo laba setimaan ka hor ahayd, waxaa odayga la joogtay oo soo booqatay Walaashiis Aamino, oo iyadana uu ka codsaday, in ay odayga soo raaco, si ay isaga, Nuur iyo Safiyo-ba isku arkaan, arooskana uga qeyb-gasho, iyaduna waa ka qabashay in ay Xamar timaaddo, oo ay odayga isa- soo raacaan. Waxaa ayna Oday Axmed iyo Gabadhiisa Aamina-ba soo gaareen Xamar, maalin un ka hor, maalintii arooska uu dhacayey, iyaga oo ku degay isla Hoteel-kii Kuraasya-cad.

AROOSKII FAARAX IYO NASIIB

Faarax iyo Nasiib waxaa ay is-mehersadeen llx bilood ka hor, iyaga oo ku heshiiyey in ay is-aroosaan bisha 12aad ee sannadka 2013ka, oo markaas ay ka dhimmanayd lix bilood. Inta ay isku mehersanaayeen, weligood islama jiifsan, oo wax xiriir jinsiyeed ah raa dhex marin, sababta oo ah, horay ayey ugu heshiiyeen in uusan faro-ka-ciyaar jiri doonin ilaa la isla aqal-galayo, taas oo ay ka dhabeeyeen lixdaas bilood.

Hadda waxaa qarka loo saaran yahay xilligii arooska, vvaxaana lagu guda jiraa qaban-qaabadii ugu dambaysay, iyada oo qaban-qaabadaasi ay qeyb ka yihiin Samsam iyo hooyadeed, oo dhexda dhiisha uga dhigtay in ay gabadhooda soo saaraan, maadaama ay hooyo la’aan tahay. Intii qaban- qaabada lagu jirey, waa is-arkaan Nasiib iyo Samsam, laakiin aroos-diyaarinta iyo aroos-isku-diyaarinta ayaa siin waayey kasho ay meel ku fariistaan, oo ay wax badan isku weydiiyaan. Nasiib, iyadu waxaa ay mar vvalba gocotaa in ay u sheegto Samsam, in uu yahay ninka aroosaya Faaraxii ay is-yaqaaneen ee hadda ka hor la socday, markii ay ku kulmayeen suuqa Bakaaraha, laakiin markii ay damacdo in ay kala sheekeysataba, waxaa illowsiiya mashquulka badan, maadaama ay aroos isu-qaban-qaabintiis iyo u-diyaar- garowgiis ku jirto.

Waxaa la gaarey xilliga arooska lagu ballamay, vvaxaana soo diyaar-garoobey Nasiib aabbeheed, awowgeed Axmed – oo shalay Xamar soo galay – eeddooyinkeed, abtiyaasheed iyo dhammaan qaraabadeeda iyo dariskeeda-ba. Waxaa dhanka kale isa soo diyaariyey Faarax, adeerkiis hooyadiis qaba Nuur Shaywaal, abtigiis, awowgiis iyo qaraabo kale, isaga oo qoyskiisa horay ula sii socodsiiyey in uu yimid Nasiib aabbeheed, waxaa ayna soo diyaarsadeen lacag kale oo ay ugu tala-galeen aabbaha Nasiib. Waxaa sida oo kale la socday qaraabo iyo qaar kale oo ka mid ah saaxiibadiis.

Waa maalin Khamiis ah, waana Shanta Bisha 12aad ee 2013ka, waxaana soo baxay qoyskii Faarax oo soo abbaaray guriga Nasiib oo uu aroosku ka dhacayey, halkaasna ay ugu sii diyaar-garoobeen qoyskii Nasiib.

Xafladdu waxaa ay ahayd quraac, waxaana ragga ka marti- qaadan labada dhinacba gaarayeen ilaa 100 qof. Waxaa loogu tala-galay in la-kala fariisiyo qolal kala duwan, oo si heer sare ah loo maamuusay, laakiin odayaasha labada qoys kala matalayey, si gaar ah ayaa hal qol loogu tala-galay, si ay isku sii bartaan, wakhti ay ku sheekeystaanna u helaan isla markaasna arooska ugu faataxo maraan.

Faarax oo hoggaaminayey qoyskiisii ayaa gurigii soo hor istaajiyey. Irridka ayaa loo taagnaaye, isla markii ay yimaadeenba waa laga furey. Markii ay soo galeen, ayaa Faarax waxaa uu sheedda ka arkay Samsara oo hadba gees u ordaysa, oo mashquulsan, dhididkuna ka daadanayo, oo aan cidna u-kasho hayn. Inta raggii uu la socday ka lug- dambeediyey, ayuu dhanka Samsam u dhaqaaqey. Waa uu u yeerey, markaasey maqli weyday. Mar labaad ayuu u wacay, markaasay soo fiirin weyday. Inta ugu tagay halkeedii ayuu ku yiri “Soo Samsam ma ahan qofkaani?” inta soo eegtay ayey tiri “Alla, Faarax ii warran abboowe”. “Waa nabade, abbaayo maxaa halkaan ku keeney maanta?”. Ayuu weydiiyey. Sayte “Abboowe, gabadhii aan doonayey, in aan maalintii ku baro ayaa la aroosayaa!”. Waa uu naxay, waxaa ayna arrintaasi gelisay ummuuro kale iyo mool uusan ka dabaalan karin! Maskaxdiisu waxaa ay u shaqeynaysaa sida Kambuyuuterkii oo kale, xawaarada wTax-is-weydiinteedu marayaan darteed. “Abboowe shaqo adag ayaan ku jiraa hadda, ee aan isa soo wacno xafladda kaddib” ayey ku tin inta dhaqaaqday, isaga oo weli isku mashquulsan, juuqna gabay! Waa ay aragtaa in uu aad u labbisan yahay, laakiin maankeeda kuma soo dhicin ninkaan ayaa aroosaya, waxaa ayna u qaadatay in saaxiibkiis aroosayo, oo uu isaga caawinayo.

Faarax halkii waa uu ka soo dhaqaaqey, isaga oo weli raggii j soo gaarin ayuu arkay Safiyo oo ahayd islaantii uu gurigeeda ku aroosi jirey, uuna la degganaa iyo Islaan kale oo la fadhidey meel daaradda ah. “Waan ku salaamay eeddo Safiyo” ayuu ku yiri inta u soo dhawaadey. “Waan kaa qaadey eeddo, sideed tahay adigu?” ayey ugu jawaab-celisay. “Eeddo waan cawo-barinee, maanta arooskaan raiyaad u timid?” ayuu misena weydiiyey. “Haah, eeddo, gabadh aan eeddo u ahay ayaa la aroosayaa oo aan u iraid, ee adna?”. ayey ku tiri. “Eeddo anigu gabadhaas ninka aroosaya ayaan ahay, waana ku faraxsanahay in aan qaraabo kale sii noqonney eeddo,” ayuu ku yiri.

Safiyo ayaa arrintaas aad ugu faraxday, soona dhaweysay guurka gabadha ay eedada u tahay iyo Faarax oo ay muddo wada daganaayeen, oo ay si wanaagsan ula dhacsanaan jirtay hab-dhaqankiisa. Safiyo oo aan weli maankeeda ka go’in sidii ay aabbayaashood u dayaceen isaga iyo xaaskiisii, ayaa weydiisay “Eeddo horta Samsam iiga warran? Welina wax wara ma ka hesheen aabbeyaashiin?”. “Eeddo, ani iyo Samsam waan kala tagney. Anigu aabbe weli ma helin, laakiin Samsam aabbeheed waa u yimid, weyna is heleen”. Safiyo waxaa kale oo ay bartay islaantii kale oo la fadhidey oo walaasheed ah, oo Aamino la yiraahdo. Isaga oo Safiyo la sheekeysanaya ayaa raggiisii dhibsadeen, waxaa ayna dheheen “Waryaa Faarax soo bax”. Inta Safiyo la-ballamay, oo salaamay, ayuu si hal-haleel ah u aaday odayaashii la socday.

Faarax, isaga oo si kale ah, ayuu iska daba-galay odayaashiisii, waxaana la geeyey qolkii loogu tala galay. Waxaa haikaas ku soo dhaweeyey, oo istaag ku salaamay qoyska Nasiib. Faarax, qacdii horeba waxa uu isha ku dhuftay odaygii uu ayaan dhaweyd ku arkayey hoteelkii Kuraasya- cad, oo Samsam aabbeheed ahaa, taas oo maskaxdiisii buuq kale ku sii furtay. Cajiib! Dhimbil, isna isla markiiba waxaa uu isha ka qaadey walaalkiis Nuur, waxa uuna ogaaday qolada gabadha ka doonaysa, in ay xidid yihiin, oo uu gabadha la soo doonay. Kuma uusan soo boodin, si gaarana uma salaamin, waxa uuna ula dhaqmay sida dadkii uu la socday oo kale. Dhanka kale, Nuur sida uu yeeley Dhimbil ayuu sameeyey, oo dadkiisiibuu dhinac ka raacay.

Markii la fariistay ayaa waxaa la iska wareystay xaalka magaalada Xamar, maadaama ay maalmahan qaraxyo badan oo taxane ah dhacayeen. Waxaa kale oo la iska wareystay halka dhlbaatadan maalinba vveji yeelanaysa ay Soomaaliya uga timid iyo sida looga bixi karo. Cabbaar haddii doodii la waday, oo hadba qolo loo saarinayey dhibka Soomaaliya haysta, waxaa gebo-gebadii la isla gartay, in xalka Soomaaliya uu ku jiro oo keliya Kitaabka Abe.

Inta uu is-wareysiga iyo sheekadu soctay, waxaa uu Dhimbil isha la raac-raacayey dadka gabadhiisa doonaya. Waxaa ragga uga dhex muuqda duq Qaasim, oo uu is-leeyahay “Armaad taqaanaa oo aad horay u kulanteen”. Wax uu aad uga shakisan yahay ninkaan meesha uu ku arki jirey iyo goortii uu arki jirey. Waxaa uu is-oranayaa “Ma Keenya ad ku arki jirtay mise Xamar, mise qof isaga u eg ayaad arki jirtay?” Waxaa uu ka il-buuxsadaa wiilka uu ku tuhmayo in uu gabadhiisa doonayo, waxa uuba ula eg yahay midkii ay Samsam lahayd, horaan isku guursannay, oo ay ayaan dhaweyto is-baraysey, markaas ayuu haddana is-dhahaa “Arnmaa gabadhaanina, arrintii middii hore qabsatay oo kale la kulantaa?!”. Mar mar waxaa uu ku dhaygagaa walaalkiis Nuur, oo uu la yaabo is-beddelka weyn ee noloshiisa ku yimid iyo sidii uu ahaan jirey!

Dhanka kale, waxaa uu Faarax iska galay isla sheekeysi u gaar ah, waxa uuna dib ugu soo ceshaday eajaladdiisii xogta u kaydinaysay, xisaabaad badan oo uu isku dhufsanayana murugo ayey u soo tabinayaan. Indhihiisii kor ayey ku callaqmeen, waxaa na la moodaa in uu daawanayo shaashad darbiga korkiisa ku xiran, oo uu filin iyo warar yaab leh ka daawanayo. Dhawr jeer ayaa abtigiis Saalax, oo arkay isaga oo baxsan, inta uu qanjaruufto dhahaa “Faarax caadi iska dhig”. Maba diirto qandhuufadu, mana maqlo hadalka house ee Saalax! Waxaa kale oo la yaabey will ay saaxiibbo ahaayeen oo la socday, oo inta mar u soo dhawaadey ku yiri “Faarax maxaa kaa si ah nin yahow, nin caruus ah baad tahee, fur- furnaan muuji, oo meesha naga giiji, maxaad la dal lagan tahay?!” Dhagax taabasho iyo tuujin waa isugu mide, waxaa uu noqday qod meel yaal, oo aan waxna gelin waxna ka soo bixin!

In muddo ah markii la fadhiyey, ayaa is-barasho la bilaabay. Intii is-barashadii socotay ayaa loo sheegay Dhimbil wiilka gabadha ka doonaya in uu yahay wiilkaas, lana yiraaho Faarax Dhimbil Jaamac, uuna yahay reer Qansax, aabbihiisna, isaga oo aysan is-arag, uu kaga qaxay Xamar. Dhimbil markaan waxbaa qub yiri. Waxaa uu gartay, in ninka la sheegayo ee Faarax dhalay uu isagu yahay, wiilkaanna yahay kii uu in muddo ah goobayey! Waxaa uu fiiriyey Qaasim, waxaa uu u gartay in uu yahay ninkii gabadha ka furan jirey ee dhalay Raxmo. Laakiin weli waa yara shakisan yahay, si uu shakigaas uga baxana, waxaa uu weydiiyey magaca wiilka hooyadiis, taas oo dadkii goobta joogey oo dhan ay la yaabeen, maadaama ay tahay arrin aan dhaqan ahayn, marka meelahan oo kale la joogo. Waxaa ayba dadka qaarkiis u qaateen, in uu dhihi doono, hooyadiis hala keeno si ay booska aabbihi u matasho, maadaama uusan aabbihiis joogin!

Oday Qaasim ayaa soo booday oo ku yiri “Weydiintani yaabkeedee leedehee, waxaa wiilka hooyadiis la yiraahdaa Raxmo Qaasim, aniga ayaana dhaley, lafteediina waa ay joogtaa xafladda”. “Balo! Wallaahi arrintu waa xun tahay!” ayuu maanka iska yiri.

*socota wax-is-weydiin Dhimbil ku saabsan iyo waxa ka khaldan!

Waxaa aad uga yaabban walaalkiis Nuur oo hoos iska leh “Walaalkaa Samatar ma loo dambeeyey, maxaa si ka noqday?!” iyo aabbahiis Axmed oo yaab afka inta qabsadey, is-lahaa “Maxaa wiilkaaga ku dhacay, oo si ka noqdey?!”.

Xoogaa yar haddii bulaan meeshii ka dhacay, hal mar ayuu istaagay Dhimbil, waxa uuna yiri “Hala joojiyo Arooska!”. Ka dar oo dibi dhall Dadkii waa qaadan waayeen hadalka Dhimbil, waxaa ayna u arkeen in odaygu ay si wax ka yihiin ama uu diiddan yahay in uu gabadhiisa Faarax u guuriyo oo uu is-yeelyeelayo. Niman baa ka shakiyey, weydiintii magaca hooyada Faaarax, waxaa ayna u arkeen in wiil aan aabbihiis si fiican la aqoon uusan gabadhiisa la rabin!

Si lama filaan ah ayuu Dhimbil u kacay, oo bannaanka ugu baxay, waxa uuna isugu yeerey dhammaan dumarkii ku mashquulsanaa quraac-diyaarintii, waxa uuna u sheegay in ay joojiyaan howsha ay wadaan. Waxaa uu ku yiri “Halla iigu yeero Nasiib, Samsam iyo Hooyadeed, Raxmo iyo walaalihiis Safiyo iyo Aaramo, hana soo galaan qolka raggu fadhiyo”.

Markii uu Dhimbil dumarkii quraacda diyaarinayey amarkaas siiyey, ayaa inta uusan qolkii raggu u fadhiyey ku soo laaban, ; waxaa u timid Nasiib oo taleefoon la ordaysa, waxa ayna j aabbeheed u sheegtay, in habaryarteed Xamiido ay doonayso ] in ay salaanto, isla markaasna dareenkeeda arooska la ; wadaagto. Taleefoonkii ayuu ka qaaday, isaga oo waxa socda maskaxdii ka qaseen. Waxaa la hadashay islaantii khadka ku I jirtay, waxa ayna ku tiri “Walaal Jaamac, waa islaan la I yiraahdo Xamiido Yuusuf Xarbi, oo Xagardheer kaa soo I wacaysa, waxa aan ahay Nasiib habaryarteed, oo hooyadeed f ayaan isku hoyo nahay, waxa aan doonayey in aan ku salaamo, oo aan arooska gabadhana habalyeeyo”.

Dhimbil waagii baa ku baryey! Waa islaantiisii waxa habaryarta u ah Nasiib, gabadhaarma waa gabadhii uu marmar taleefoonka Xamiido ka qaban jiray. Inta naxay, oo yaabey, oo la hadlay Xamiido ayuu ku yiri “Xamiido, horta qofka kula hadlaya waa Samatar Axmed Jaamac. Walaaley aniga oo awalba waalli ku signaa, ayaa markii aad ii sheegtay in aad Nasiib habaryarteed tahay, in aan dharka dhigto ku signahaye, anaa mar kale ku soo wacaya walaaley, oo xaajo dhabaqdaye, kuu warrami doona!”. Isla markaasna taleefoonkii jaray!

Naagtii Xamiido ahayd, qalbigii baa dhag yiri! Ninkii ay walaasheed la baadi-goobi jirtay, oo ay aadka u nicbayd, oo maqaafaadka ahaa, hadda waa seygeedii. Cajiib!!! Waxaa kale oo ay aad uga shallaysay, in laga indha-saabay in ay walaasheedii dhimatay iyo gabadhaanba uga sheekeyso Dhimbil, taas oo laga yaabi lahaa in ay mar horeba is- bartaan! Nasiibna, markii ay ogaatay aabbeheed in uu ahaa ninkii qabay habaryarteed, si kale ayey noqotay, waxa ayna la calwasaadsan tahay, sida aabbeheed oo aysan aqoon, ay dhawr jeer taleefoonka habaryarteed Xamiido kaga salaantay! Dhimbil isaga oo dawakhsan ayuu dib ugu laabtay qolkii raggu u fadhiyey!

Dumarkii uu amarka siiyey oo ka yaabbanaa qorshaha ninkaan, ayaa goobta xafladda ka raad-raadiyey dadka uu codsadey in loogu yeero. Midba mar inta soo helaan, ayey u soo tilmaamaan qolka laga rabo, iyada oo mid walba garan la’ dahay sababta loogu yeerey. Waxaa ay dumarkii loo yeerey xaadir ku soo wada noqdeen qolkii raggu fadhiyey. Inta uu Dhimbil soo dhaweeyey dumarkii ayuu yiri “Dadkaan meel ha loo banneeyo”. Inta raggii oo yaabban is-cariirsaday ayaa meel la’ eg la fariisey dumarkii.

Markii ay dumarkii soo galayeen, ayaa Samsam iyo Faarax isha isku dhufteen mar kale, mid qajilay iyo mid naxday-ba, inta la kala jeestay ayaa la kala aamusay! Oday Qaasim iyo Saalax ayaa iyaguna isha ka qaadey Samsam iyo hooyadeed markii ay soo galayeen. Waa ay naxeen, waxaa ayna ka yaabbeen waxa Samsam iyo hooyadeed halkaan keenay!

Safiyo horay ayey u aragtay Faarax, arrinkiisana waa ay la socotay, laakiin waxaa ay ka fajacsan tahay iyaduna, arrinka Xamdi iyo Samsam halkaan keeney, maadaama ay Samsam kala tageen Faarax! Waxaa ay sidaa oo kale Safiyo aragtay walaalkeed Nuur, oo u sheegay in uu aroos xidiidkiis leeyahay aadayo maanta, waxaa ayna is-weydiinaysaa sababta keentay goobta arooskan!

Dhanka kale, waxaa Raxmo film waa ku noqotay aragtida Aamino oo ay ugu dambeysey Boosaaso, oo ay muddo ka fekereaysey si ay ula xariirto uguna abaal-guddo! Waa qof ay aad u jeceshahaye, inta ku soo booddey oo dhabannada ka dhunkatay ayey ku yara qallashey, dadkii ay u soo galayeen oo wada arkaya! “Raxmo, hooyo iska fariiso hadhow baan wada sheekeysanaynaaye” ayey tiri Aamino, waana wada fariisteen,

Isia goobta waxaa ku kulmey Raxmo iyo Xamdi oo in ka badan 20 sano aan il iska qaadin, oo markii ay meesha ku kulmeen isku naxey. Waxaa la arkayey gacan-qaadkooda iyo nux-nuxdooda oo mar-mar laga maqlayey erayadan: “Naa halkeed ku dam bey say? Naa ma noolayd?!’’ iyo kuwo kale. Waxaa uu is araggoodu mid waliba gaarkeed u soo xasuusiyey, waxaa uu soo marsiiyey Dhimbil, oo Raxmo oo hadda iyadu aragtey ay gaar ugu dheygagsan tahay! Mar, Raxmo waa ka naxday aragga Dhimbil, saa waakii wixii la ogaa soo marsiiyaye, marna, si un waxaa u Farax-geliyey wiilkeeda oo ay aabbihiis u heshey hadda, mar kalana, w’axa ay ka yaabban tahay, sababta ninkaan halkaan keentey!

Geesta kale, Samsam iyo Xamdi-na, waxaa ay la amakaagsan yihiin islaanta Safiyo; sababta halkaan keentay iyo cidda xafladdaan ugu yeertay iyo qaabka uu ku yimid Faarax halkaan. Waxaa intaas u dheer, wax kale oo aysan fileyn ayey meesha ku arkaan, waa oday Axmed oo abaalka uu ugu soo galay Hargeysa uu maankoodu ku xardhan yahay, oo qof kasta oo ay arkaan uga sheekeeyaan. Mar waxa ay ka yaabban yihiin, wax halkaan keeney, mama Xamdi hoos ayey ka qosol-gariirtaa, oo waxaa u muuqda, in uu Ilaahey xilli fiican oo ay u abaal-gudi karto oday Axmed ku soo beegay. Oday Axmed laftiisu markii uu arkay Xamdi iyo Samsam, mar waa is weydiiyey, qaabka ay halkaan ku yimaadeen!

Nuur, isaga oo waxa socda ka yaabbanaa, ayuu ka shakiyey xaaskiisa Raxmo iyo walaashiis Aamino oo shalay timid, oo uusan is-barin sida ay isugu bururayaan isaga oo is- weydiinaya goorta iyo halka ay isku barteen?! Nasiib, iyada oo arrintii aabbeheed iyo habaryarteed jawigii ka soo qaseen, ayaa waxaa ay u qaadatay yeeridda loo yeerey, in meherkeedii la weydiinayo inta uu ahaa!

Markii ay dumarkii soo fariisteen, iyada oo dadkii oo dhami wada fajacsan yihiin, ayuu hadalkii Dhimbil qaatay, isaga oo illini ka qubanayso, waxa uuna yiri “Walaalayaal, raalli iga ahaada, hana ila yaabina haddii aad iga maqashaan arrin mucjiso ah oo aydaan filayn. Walaalayaal, khalad aan sameeyey ayaa hadda murugo isugu kay beddelay!”. Raggii iyo dumarkii goobta wada fadhiyey ayaa hal mar xaaddii kacday, waxaa ayna ka naxsan yihiin, waxaa uu ku xijin doono Dhimbil hadalkiisaan. Waxaa uu Dhimbil isaga oo hadalkiisii sii wata yiri “Walaalayaal, gabadha la aroosayo ee Nasiib, wiilka wax aroosaya ee Faarax iyo gabadhaan Samsam ee uu horay Faarax u soo guursadey, waa walaalo aniga ayaana wada dhalay”. Hal mar ayaa waxaa wada yeertay, oo lagu cel-celiyey “Innaa UUaahi wa innaa ilayhi raajicuun“.!!!

Waxaa muraara-dillaacay Samsam iyo Nasiib. Murugo darteed ayaa illine kaga soo daadatay. Samsam ninkii ay muddada sannadka ka badan isla joogeen oo ay wax kala tari waayeen, walaalkeed ayuu ahaa, Nasiibna walaalkeed ayuu ahaa ninkii ay dhawrka sano jacaylka wada dhisayeen, wakhti dheer kaddibna, ay haatan aqal-galkiisa isku diyaarinaysay. Nasiib waxa ay si gaara uga shallaayeysaa, inta aysan ceebtaan dhicin ka hor, sababtii ay Samsam ugu sheegi weyday in ninka guursanaya uu yahay Faarax!

Faarax, isagu markaan in uu waashuu ku sigan yahay, naftiisiina waa xakaraayn la’yahay, cir iyo dhul meel uu joogana waa garan la’yahay. Farxaddii helitaanka aabbihiis, waxaa uu la hilmaamay qarracanka maanta yaal iyo wixii horay u soo dhacay. Waxaa la arkayey isaga oo dhafoorrada haysta oo neeftuuraya, oo illine ka daadaneyso, taas oo isku beddeshay in uu caadi u ooyo, waxaana hal mar ku soo wada booday aabbihiis Dhimbil oo murugeysan iyo adeerkiis Nuur, oo inta wada qabtay dhabta saarey. Waxaa ayna leeyihiin “Faarax, arrintaan waa dhacday, Ilaahay tiisa ayeyna ku dhacday, Ilaahayna meel fiican buu adigana kaa qabtay, annaga naga qabtay. Aamus, Aabbe, Aamus Adeer!”

Qarracankaas kuma ekeyn carruurtaase, waxaa sidaas oo kale aad u muraara-dillaacay Raxmo iyo Xamdi, oo carruurtooda walaalaha ah is-guursadeen. Waxaa ay la murugeysan yihiin dhibaatada carruurtooda soo gaartay iyo dhibaatadii uu ninkaan labadooda horay u soo mariyey xilliyadii ay Hoteellada wada wareegi jireen iyaga oo raadinaya.

Waxaa isla goobtii inta ku miyir-daboolantay ku dhacday Safiyo oo carruurta ay eedada u tahay sannad gurigeeda isku qabeen. Nuur isaga dhulkaa la weynaadey, gabadha uu qabo ee Raxmo, w^aa xaaskii walaalkiis uu horay uga qariyey, taas oo haddii uu ogaan lahaa uusan guursadeen, dhaqanka Soomaalidana qajil ku ah!

Nuur oo is-heyn waayey ayaa soo booday, waxa uuna goobtii farxadda loo yimid oo murugo isku beddeshay ka yiri hadalkaan, oo mar kale dadkii ka yaabiyey “Walaalayaal, ninkaani waa walaalkey, hooyadey ayaa dhashay, weligeyna waa isla joognay, hase yeeshee iima sheegin naag uu qabo iyo ilmo uu dhalay toona. Haatan gabadha aan qabo ee afarta carruurta ah ii leh, waa xaaskiisii hore, weligiisna iima sheegin, imana barin, annaga oo Xamar ku wada nooleyn!”. Inta ku soo jeestay buu la hadlay walaalkiis Dhimbil, isaga oo leh “Walaal Samatar, wax badan baad khaladdey, waxa maantay dhacayna adiga ayaa mas’uul ka ah, Ilaahay baana wax kaa dhihi doona!”. Nuur, isaga oo aan hadalkii weli ka bixin ayuu hal mar is-barey carruurtii, eeddayaashood, hooyooyinkood iyo awoowgood Axmed, oo isna isaga oo wareersan oo ruuxii ka tagay, inta madaxa iyo gacmaha isa saarey darbi isku tiiriyey!

Waxaa ay Aamino la fajacday Raxmo oo laba jeer noqotay dumaashideed, iyada oo sidaa oo kalana Raxmo ay kedis iyo lama-filaan ku noqotay dumaashanimada Aamino oo ay jeclayd, laakiin aysan maanta meeshaan ka filayn! Oday Axmed, isaga oo la yaabbanaa musiibada meesha ka aloosan, ayuu ka sii amakaagey marka uu ogaaday, in uu Xamdi soddog u ahaa, Samsam-na uu awoowe u ahaa, oo ay sannado isla degganaayeen Hargeysa isku guri, iyaga oo aan is-aqoon!

Dadkii halkaas isugu yimid iyo qoysaskii wada fadhiyey, qof walba gaarkiis ayuu dhabanka iyo gacmuhu isku saaran yihiini

Faarax, dhawr arrimood ayaa isugu timid. Walaalshiis oo uusan aqoon oo uu guursadey, oo uu weliba la aqal-galey. Walaashiis kale oo uusan garaneyn oo uu misena mehersadey. Eeddadiis oo in muddo ah ay isku meel degganayeen oo aysan is-garaneyn. Nuur oo hooyadhs qaba, haddana noqday adeerkiis aabbihiis la dhashey! Waxaa mahadho iyo lama illaawaan ku noqotay, waxaa uu aabbihiis sameeyey iyo ceebtaa intaa la eg ee uu u soo jiidey!

Faarax waxaa uu si fiican u fiiriyey aabbihiis, mise illin ayaa ka quble’, dhafoorradana waa haystaa. Inta mar labaad eegay ayuu muragada daran ee aabbihiis docda ula yaallo arkay, markaasaa waxaa ka soo fakaday oraah xikmaysan oo dadkii meesha joogey madaxa u luieen, oo ahayd “Aabbe, Kala Qarisaye, Maxaad Hadda Qaban?!” oo ay micneheedu ahayd; adigaa kala qariyey xaasaskaagii, carruurtaadii iyo eheladaadiiye, hadda oo ay xaaladdu meel xun tagtay, maxaad qaban kartaa? Waxaa kale oo uu sii raaciyey xikmaddaas, murtidan yar oo uu aabbihiis ku wacdinayey:

DHAMMAAD

Qisadani waxaa ay noqotay middii ugu hadal haynta badnaynd sannaddii 2014kii. Waxaana ku cibra-qaatay rag badan oo arrintaan maqlay, oo go’aan ku gaaray in ay ka waantoobaan kala qarinta iyo xumeynta gabdhaha Soomaaliyeed. Waxaa kale oo waayo-aragnimo ka helay dumar badan oo hadda beddelay qaabka guurkooda iyo ka-baaraan-degga ragga ay guursanayaan. Sidoo kale, waxaa ay cashar u noqon doontaa, inta shaahid aan sheekadaan u arag una maqal, laakiin buuggaan ka akhrisan doonta.

– Suldaan Nayruus