Waxyaalo Ilaahay Xarrimay Dadkuna Fududeysteen

WAXAA QOREY AL-SHEEKH: MAXAMED AL-MUNAJID
WAXAA AF-SOOMAALI U TARJUMAY YUUSUF CABDULCASIIS MAXAMED

WAXYAALO ILAAHAY XARIMAY DADKUNA FUDUDAYSTAY IN LA ISAGA DIGANA AY WAAJIB TAHAY
WAXAA QOREY AL SHEEKH: MAXAMED ALMUNAJID
WAXAA AF-SOOMAALI U TARJUMAY YUUSUF CABDUL CASIIS MAXAMED

WAXYAALO ILAAHAY XARIMAY DADKUNA FUDUDAYSTAY IN LA ISAGA DIGANA AY WAAJIB TAHAY
WAXAA NAQTIIMAY OO SHARXAY AL-SHEEKH CABDULCASIIS CABDULAAHI BIN BAAZ
WAXAA QOREY AL SHEEKH MAXAMED AL-MUNAJID
WAXAA AF-SOOMAALIU TARJUMAY YUUSUF CABDULCASIIS MAXAMED
WAXAA AF-SOOMAALIGA TARJUMIDIISA NAQTIIMEY CABDULMUNCIM YUUSUF SHEEKH

HORUDHAC

Ilaahay ayaa mahad leh isaga ayaan Ku shukriyeynaa, oo kaalmaysanaynaa, oo dambi dhaaf weydiisanaynaa, Ilaahay ayaan ka magan galaynaa nafteena sharteeda iyo acmaasheena xun. Qofkii Ilaahay hanuuniyo cidna ma baadiyeyn karto, qofkii Ilaahay baadiyeeyana cidna ma hanuunin karto.

Waxaan markhaati ka ahay Ilaahay mooyee Ilaah kale oo xaq lagu caabudo in uusan jirin, waxaan kaloo markhaati ka ahay Nabi Muxamed (scw) adoonkii Ilaahay iyo rasuulkiisii inuu yahay intaa kadib:

Ilaahay wuxuu waajibiyey waxyaalo waajib ah oo aysan banaaneyn in la dayaco, wuxuuna jeexay xuduud aysan banaaneyn in la dhaafo Nabigu wuxuu yiri:

Waxyaalaha Ilaahay xarimay iyaga ayaa ah xuduuda Ilaahay, Ilaahayna wuu u goodiyey qofkii xuduudiisa dhaafa oo wuxuu xarimay sameeya Ilaahay wuxuu yiri:

Muxaramaadka in laga fogaado waa waajib waayo Nabigu wuxuu yiri:

Waxaa la arkay dadka hawadooda raaca qaarkood oo aan dadnimo fiican lahayn cilmigooduna yar yahay, haddii ay maqlaan muxaramaadka oo isdabajoog loo taxayo inay ka qaylinayaan oo ka afeefanayaan oo oranayaan: Wax walba ma xaaraan baa? wixii aad aragtaanba waad xaaraantinimayneysaan, nolosha ayaad noo baaseyseen oo waad nanacsiiseen cayshaddii oo qalbiga ayaad naga ciriirideen. Xaaraan iyo waxaad xaaraantinimaysaan mooyee wax kale ma haysaan, diintu waa fudeyd waana waasic, Ilaahayna waa Qafuuru Raxiim. Si aanu kuwaas ula doodno ayaan waxaan leenahay llaahey wuxuu doono ayuu xukumaa, wuxuu xukumana lagama doodi karo, Ilaahayna waa xakiim khabiir ah, wuxuu doono ayuu xalaaleeyaa wuxuu doonana wuu xarimaa, cibaadada aan Ilaahay caabudeyno waxaa aasaaskeeda ka mid ah inaan raali ku noqono wuxuu xukmiyo, Xukunka Ilaahayna wuxuu ka soo fulay cilmigiisa, xikmadiisa iyo caddaaladdiisa ee cayaar iyo dheeldheel ma aha. Ilaahay wuxuu yiri:

Ilaahay wuxuu inoo caddeeyey xeerka ay ku wareegayaan xalaasha iyo xaaraantu oo wuxuu yiri:

Wixii wanaagsan waa xalaal waxa xunna waa xaaraan. Xalaaleynta iyo xaaraamayntu waa xaq Ilaahay kaligi leeyahay, qofkii isagu sheegta ama cid aan Ilaahay ahayn u qira wuxuu gaaloobay gaalnimadii weynayd oo diinta looga baxayey.

Intaa kadib mabanaana in qofna ka hadlo xalaasha iyo xaaraanta, dadka culumada ah oo yaqaan kitaabka iyo sunnada Nabiga (scw) mooyee, Goodi aad u daran ayaa ku soo aroorey ciddii wax xalaaleysa ama wax xaaraamaysa iyagoon cilmi u laheyn Ilaahay wuxuu yiri:

Waxyaalaha muxaramaadka ah ee iska go’an waxaa lagu sheegey quraanka iyo sunnada Nabiga (scw) sida Ilaahay yiri;

Sunnadana sidaas oo kake ayaa loogu sheegay in badan oo ka mid ah muxaramaadka sida uu Nabigu (scw) yiri:

Nabigu (scw) wuxuu kaloo yiri:

Addiladda (nusuusta) qaarkeed waxaa ku imaan kara muxaramaadka qaar ka mid ah oo arimo gaar ah gooni ku ah, sida Ilaahay u sheegey cuntada la xarimay wuxuuna yiri:

Ilaahay wuxuu kaloo sheegay waxyaalaha laga xarimay guurka wuxuuna yiri:

Ilaahay wuxuu kaloo sheegay waxyaalaha kasabkooda la xarimay wuxuuna yiri:

Intaa ka dib Ilaahay adoomihiisa wuu u naxariistaa, wuxuuna nooga xalaaleeyey waxayaalaha wanaagsan wax aynaan tiro iyo noocyo ku koobi karin, sidaa awgeed lama faahfaahin waxyaalaha la baneeyey oo wey badan yihiin lamana soo koobi karo, waxaase la faahfaahiyey wixii la xarimay waayo waa la soo koobay si aynu u barrano oo uga fogaano, Ilaahay wuxuu yiri:

Waxyaalaha xalaasha ah Ilaahay wuxuu u baneeyey si guud ahaanefed maadaama ay wanaagsan yihiin wuxuuna yiri:

Ilaahay naxariistiisa waxaa ka mid ah inuu wax walba asalkooda ka dhigay xalaal ilaa laga helo daliil xaaraamaynaya, taasina waa Ilaahay deeqdiisa iyo inuu u waasiciyo odoomihiisa, waxaana inagu waajib ah inaan adeecno oo ku xamdlmo oo ku shukrino. Dadka qaar ayaa haddii ay arkaan waxyaalaha la xarimay oo la taxayo oo la faahfaahinayo kahanaya axkaamtii shareecadda, taasina waa iimaan yarida iyo faham yarida ay shareecadda ka qabaan, haddaba kuwaasi ma waxay doonayaan in loo tiriyo noocyada Ilaahay xalaaleeyey si ay ugu qancaan in diintu fudeyd tahay mise waxay kaloo doonayaan in loo soo taxo noocyada wanaagsan ee xalaasha ah si ay u gartaan in shareecadu aysan noloshooda nacsiinayn, ma waxay doonayaan in la yiraahdo hilbaha la gowracay ee Geela, Lo’da, Ariga, Bakeylaha, Ugaarta, Biciidka, Digaaga, Qooleeyda, Booloboolada, Goroyada, Ayaxa iyo Maleyga dhintay waa xalaal? mise in la yiraahdo Khudaarta, Miraha, Faakihada, iyo miraha kaloo nafaqada leh waa xalaal? mise waxay doonayaan inla yiraahdo Biyaha, Caanaha, Malabka, Saliidda, iyo khalku waa xalaal? mise in la yiraahdo Cusbada, Carfisada iyo Bohaaraadku waa xalaal? mise in la yiraahdo isticmaalka Alwaaxda, Birta, Ciida, Quruuruxa, Balaastiiga, Quraaradaha iyo Kabarku waa xalaal? mise in la yiraahdo fuulidda Daabadda Rukuubka), Baabuurta, Tareenka, Maraakiibta iyo Diyaaraduhu waa xalaal? Mise in la yiraahdo isficmaalka qaboojiyayaalka talaajadaha, qalabka wax lagu dhaqo, kan wax lagu qalajiyo, kan wax lagu shiido, kan wax lagu cajiimo, kan wax lagu foorneeyo, kan wax lagu
miiro, iyo qalabka kale ee loo isticmaaio caafimaadka, injineernimada, xisaabta, cilmiga hawada, kan xiddigaha, kan dhismaha, kan soo saaridda biyaha, Naftada, Macdanta, qalabka wax lagu nadiifiyo, kan lagu macaaneeyo Biyaha, kan wax lagu daabaco iyo kumbuyuutarku waa xalaal? mise in la yiraahdo la biska dharka Cudbiga, Xariirta, Suufka, Dhogorta, Timaha, Hargaha xalaasha ah, Layloonka iyo Boolistarku waa xalaal? Mise in la yiraahdo guurka, wax iska iibinta, wax soo iibsiga, kafaalada, Xawaalada, ijaarida, farsamadda, xirfadda sida najaarada, birtumida, hagaajinta qalabka iyo Ari raacidu waa xalaal? haddii aynu eegno suuro gal ma inoo tahay in aan tiro ku dhameyno haddii aynu damacno inaan soo tabino oo tirino waxyaalaha xalaasha ah, haddaba maxay u dan leeyihiin qoladaan aan hadalka fahmeynin? arinta kaloo ah inay xujo ka dhiganayaan in diintu fudeyd tahay waa hadal run ah oo ay baadil u adeegsanayaan, diinta fudeydkeedu sida ay iyaga la tahay ma aha, ee waa sida ku soo aroortay shareecadda, farqiga u dhaxeeya aad ayuu u weyn yahay, in inta xaaraan la sameeyo haddana si baadil ah xujo looga dhigto diinta fudeydkeeda diintuna waa fudeyd oo shaki kuma jiro iyo in ruqsooyinka sharciga ah la qaato sida salaadda oo la kulmiyo ama iyado lagaabiyo, musaafirku inuu afuro, khufka iyo sharabaadka inuu masaxo qofkii degan labo maalmood iyo habeenadoodii, kii musaafir ahna uu masaxo seddex maalmood iyo habeenadoodii, in la tayamumo marka laga baqo biyaha isticmaalkooda, in labo salaadood la kulmiyo markii qofku jirado ama roob ku da’ayo, in ninka loo baneeyey inuu fiiriyo naagta ajnabiga ka ah hadii uu guur ka doonayo, in qofka kafaara gudka dhaarta la dooransiiyo inuu qoor xoreeyo ama cunto bixiyo ama dhar bixiyo, in la cunikaro bakhtiga marka daruuftu keento iyo ruqsooyinka kale iyo wax yaabaha sharcigu fududeeyey. Waxyaalahaa aanu soo dhaafney marka lagu sii daro waxaa haboon qofka Muslimka ah inuu ogaado’ in waxyaalaha la xarimay ay xikmadi ku jirto, taaso ay ka mid tahay in Ilaahay adoomihiisa ku itaxaamayo waxyaalaha uu xarimey uuna eegayo waxay sameynayaan. Waxyaalaha ay kaga duwan yihiin Ahlu Januha Ahlu Naarka waxaa ka mid ah, in Ahlu Naarku dhax galeen waxa naftu jeceshahay oo naarta lagu hareereeyey, Ahlu Januhuna ay ku sabreen waxa naftu necebtahay oo Janada lagu harereeyey, haddii uusan jiri lahayn itaxaankaas lama kala garteen qofkii Ilaahay ku caasiyey iyo kii addeecay. Dadka muu’miniinta ah waxay u arkaan dhibka ka soo gaaraya wixii Ilaahay ku waajibiyey inay ajar ka helayaan, amarkii Ilaahayna fulinayaan si ay Ilaahay u raali galiyaan, markaa ayaa Ilaahay u fududeyn dhibkii, dadka iimaanka aan laheyna waxay u arkaan dhibka ka soo gaaraya wixii lagu waajibiyey dhibaato iyo culeys lagu siyaadiyey, markaas ayaa dhibkii ku sii siyaadayaa inay Ilaahay adeecaana ay ku adkaaneysaa. Muxaramaadka katagitaankooda waxaa ka dhadhama macaanka ay leedahay Ilaahay adeecidiisu, qofkii Ilaahay darti shey uga taga wuxuu ugu bedelaa wax ka kheyr badan wuxuuna qalbiga ka dareemayaa iimaanka macaankiisa. Kitaabkaan akhristuhu wuxuu ka helayaa tiro badan oo wixii Ilaahay xarimay ah taas oo xaaraanimadeedu ku caddahay quraanka iyo sunnada Nabiga (scw) waxyaalahaa la xarimey waxay ka mid yihiin waxyaalaha falkoodu faafey dad badan oo muslimiin ahna ay ku dhacaan, xusudeeda waxaan ula jeedaa cadeyn iyo waano, Ilaahay ayaan uga baryayaa nafteyda iyo walaalaheyga muslimiinta ah hanuun, towfiiq iyo in lagu istaago xuduuda Ilaahay uuna naga dheereeyo muxaramaadka nagana iiaaliyo xumaanta Ilaahay ayaa inta wax axifdida u kheyr badan inta naxariisatana asaga ayaa u naxariis badan.

Culumada qaarkeed arinta muxaramaadka kutub fiican ayey ka alifeen waxa ka mida:

AL-KABAA’IR iyo TAMBIIH AL-QAAFILIIN oo uu qorey ibnu Nuxaas oo reer Dimishiq ahaa Allaha u naxariistee.

TUSMADA

Mowduuca Bogga
Horudhaca
Tusmada
Ilaahay oo loo shariik yeelo
Qubuurta oo la caabudo
Ilaahay qeyrki oo loo gawraco
In la xalaaleeyo wuxuu Ilaahay xarimay ama la xarimo wuxuu Ilaahay xalaaleeyey
Sixirka, wax sheegyada iyo
In la rumeeyo in xiddiguhu saameyn ku leeyihiin dadka noloshooda iyo falalka dhacaya
In la rumeeyo in waxyaalaha 1agu intifaaco uusan Ilaahay sidaas ka dhigin
Cibaadada oo loo sameeyo halagaa
Wax baaseysiga
Ilaahay qeyrki oo lagu dhaarto
Munaafiqiinta iyo faasiqiinta oo la weheshado ama loo wehel yeelo
Ku xasilidda salaadda oo laga tago
Ciyaarta iyo dhaqaaqa oo salaadda
Qofka oo iimaamkiisa salaadda
In uu masaajidka yimaado qofkii soo cunay Basal, Toon, ama wax urqurmuun
Sinada
Khaniisnimada
Naagta oo isu diida ninkeeda iyadoon cudurdaar sharci ah haysan
Naagta ninkeeda weydiisata furitaan iyadoon sabab sharci ah heysan
Dihaarka
Ninka oo u taga xaaskiisa oo
Xaaska oo duburta looga tago
Dumarka la isla qabo oo aan
Naag ajnabi ah oo laia khaali noqdo
Naag ajnabi ah oo la gacan qaado
Naagta oo iscatarisa markay baxeyso oo ragga la
marta carafteeda
Naagta oo maxram la’aan safarta
Dayuusnimada
Carruurtu inay aabahood ku abtirsadaan oo laga bedalo ama aabaha oo
Cunidda ribada
Badeecada oo ceebteeda la qariyo marka la gadayo
libka la isku faliso
Maalinta jimcaha aadaanka labaad ka bid oo wax la iibiyo
Qamaarka iyo bakhtiyaanasiibka
Tuugada
In laaluush la qaato ama la bixiyo
Dhulka oo la boobo
Qofka oo hadiyad Iaga qaato
Shaqaalaha oo lagu shaqeysto oo aan u juuraddiisa
la siin
Carruurta oo aan wax siinta loogu caddaalad falin
Dadka oo baahi la’aan wax la weydiisto
In qofku deynsado deyn uusan
Xaaraanta oo la cuno
Khamrada oo la cabo dhibicba
In la isticmaalo weelasha dahabka iyo qalinka ama wax lagu cuno oo wax lagu cabo
Shahaado suurka
Gitaarka iyo muusikada oo la
Xanta
Isku dirka
In naag ajnabi ah kas loo daawado
Dadka guryahooda oo idan la’aan
Seddex qof oo labo kii seddexaad ka foqda
Isbaal – ragga oo dharka hoos u dheereysta
Ragga oo isku qurxiya dahabka qaabkuu doono ha noqdee
In dumarku labisto dhar gaaban, khafiif ah oo ciriiri ah
Ragga ama dumarka oo timahooda ku xiriiriyaan timo aadane ama cid kale
Ragga oo dumarka isu ekeysiiya iyo dumarka oo ragga isu ekeysiiya xagga dharka, hadalka iyo qaabka
Timaha oo madow lagu aslo
In wixii noole ah lagu sawiro Dharka, Gidaarka, Warqadaha iyo wixi lamid ah
Riyada oo laga been sheego
Qabriga oo lagu fariisto ama lagu istaago ama loo kortago
Kaadida oo aan la iska duwin
In la dhageysto dad sheekeysana sheekadood iyagoo nacaya
Darisxumada
Dardaaranka oo la isku dhibo
Naradka (warbac) oo la ciyaaro
Muu’minka ama cid aan
Baroordiiqa
Wajiga oo la isku dhufto ama
Qofka muslimka ah oo la gooyo wax ka badan seddex beri sabab sharci ah la’aanteed

ILAAHAY OO LOO SHARIIK YEELO

Shirkiga ayaa wixii Ilaahay xarimay guud ahaan ugu weyn, wuxuuna ku cad yahay xadiiskii Abuu Bakar laga wariyey oo uu yiri Nabigu (scw) Wuxuu yiri:

waxaa dhici karta danbi kasta in Ilaahay qofka u dhaafo shirkiga mooyee, waana lama huraan inuu yeesho towbad gaar ah, Ilaahay wuxuu yiri:

Shirkiga waxaa ka mid ah mid weyn oo diinta looga baxo oo qofkii sameeya haddii uu ku dhinto naarta ku waarayo. Waxyaalaha muuqda ee shirkiga ah ee ku faafey wadamo badan oo Muslim ah waxaa ka mid ah: Qubuurta oo la caabudo:Taas oo ay ka mid tahay in la rumeeyo in awliyada dhimatay dadka dantooda u fulinayaan, oo dadka kurbada ka feydayaan iyo in la kaalmeysto oo loo qeyshado, Ilaahay wuxuu yiri:

Taas waxaa la mid ah in la baryo dadka dhintay sida Nabiyada iyo saalixiinta ama cid kale lagana baryo shafeeco ama inay dhib feydaan Ilaahay wuxuu yiri:

dadka qaarkood waxay caado iyo dhaqanka dhigteen inay ku dhawaaqaan magacsheekh ama wali markii ay fariistaan ama istaagaan ama ay kufaan iyo mar walba oo ay ku dhacaan mixnad ama musiibo iyo kurbo, kaasi wuxuu
oran Muxamadow, kaasina wuxuu oran Caliyow, kaasina wuxuu oran Xuseenow, kaasina wuxuu oran Jeylaaniyow, kaasina wuxuuu oran shaadaliyow, kaasina wuxuu oran rufaaoiyow, kaasina Caydaruus ayuu u yeeran kaasina sayidda Seynab ayuu u yeeran, kaasina Ibnu Calwaan ayuu u yeeran,
Ilaahayna wuxuu yiri:

Dadka qubuurta caabuda qaarkood way ku dawaafaan qubuurta, tiirarkeedana way salaamaan oo isku masaxaan albaabkeedana waa dhunkadaan caradeedana wajiga ayey marsadaan, haddii qabrigu u muuqdana waa u sujuudaan oo hortiisa ayey istaagaan iyagoo khushuucsan oo is dulleynaya oo weydiisanaya danahooda ay ka mid tahay in qof jiran loo caafiyo, ama in ilmo la siiyo, ama muraad loo fududeeyo, waxaana laga yaabaa in qofka qabriga baryaya uu yiraahdo sayidkeygiiyow wadan fog ayaan kaaga imide gacmo maran ha igu celin, Ilaahayna wuxuu yiri:

Nabigu (scw) wuxuu yiri:

Dadkaa qaarna madaxa ayey ku xiirtaan qabriga agtiisa, qaarna waxay sitaan kutub cinwaankeedu ka mid yahay:

Mashaahidda waxay ula jeedaan qubuurta ay awliyada u dhisaan. Dadka qaarkood waxay rumeysan yihiin in awliyadu adduunka maamusho oo ay dhib iyo nafac keento, ilaahay wuxuu yiri:

Shirkiga waxaa kaloo ka mida in Ilaahay qeyrki loo nidro sida kuwa u nidra qubuurta inay u keeni doonaan shumac ama faanuus.
Shirkiga weyn ee muuqda waxaa ka mida: Ilaahay qeyrkii oo loo gowraco, Ilaahay wuxuu yiri:

Micnaha: Ilaahay u tuko oo isaga u gowrac oo magaciisa ku gowrac. Nabigu (s.c.w.) wuxuu yiri:

Neefka la gawracay waxaa ku kulmi kara laba shey oo la xarimay kuwaas oo kala ah in Ilaahay mooyee cid kale loo gawraco, iyo in magaca Ilaahay mooyee wax kale lagu gawraco, labaduba waxay reebayaan in neefkaas la cuno. Gawracyada jaahiliga ah ee casrigaan faafay waxaa ka mid ah in jinniga loo gawraco, waagii hore waxay yeeli jireen haddii ay guri iibsadaan ama dhistaan ama ceel qodaan, waxay ilinkiisa ama agtiisa ku gawrici jireen neef, cabsi ay jinniga ka cabsanayaan awgeed.
Tusaale aahaan shirkiga weyn ee faafay waxaa ka mida: In la xalaaleeyo wuxuu Ilaahay xarimey ama la xarimo wuxuu Ilaahay xalaaleeyey ama in la rumeeyo inayjirtocid aan Ilaahay ahayn oo arinkaas xaq u leh, waxaa kaloo ka mid ah in loo xuguntamo Maxkamadaha qawaaniinta jaahiliga ah wax ku xukuma iyadoo qofku khiyaarkiisa qabokuna raali noqdoo uu xalaashado ama uu rumeeyo in arintaasi banaan tahay, Ilaahay wuxuu arinkaas ku tilmaamey inuu yahay gaalnimadii weyneyd wuxuuna yiri:

Cudey Binu Xaatim markii uu maqlay Nabiga (scw) oo Aayaddaan akhriyaya wuxuu yiri:

waxaan iri: Ehlu Kitaabku macaabudi jirin Baadariyaashooda markaasaa Nabigu yiri:

Mushrikiintii Ilaahay wuxuu ku sifeeyey inay yihiin sifada Aayadaan ku cad:

sidoo kale Ilaahay wuxuu yiri:

Noocyada shirkiga faafay waxaa ka mida:
Sixirka wax sheegyada iyo curaafeysiga
Sixirku waa gaalnimo wuxuuna ka mid yahay todobada kabaa’irta ah ee lagu halaagsamo, wuxuuna keenaa dhib ee wax nafei ah ma keeno. Ilaahay wuxuu barashadiisa ka yiri:

waxaa kaloo Ilaahay yiri:

qofka sixirka isticmaala waa gaal, ilaahay wuxuu yiri:

Sixirka xugunkiisu waa dil, kasabkiisuna waa xaaraan qurun ah, dadka juhalada ah, daalimiinta iyo kuwa iimaankoodu yar yahay waxay aadaan sixirowyada si ay dad kale u sixraan ama cid kale uga aarsadaan. Waxaa jira dad kaloo xaaraan ku dhacaya marka ay u cararaan sixirowga si uu uga furo sixir kale, waxaana qofka waajib ku ah inuu u cararo Ilaahay oo hadalkiisa isku daaweeyo sida suuradaha mucawidaadka iyo qeyrkoodba.
Waxsheega iyo curaafuhuna Ilaahay ayay beeniyeen haddii ay sheegtaan inay qeybka ogyihiin, Ilaahay mooyee cid kale qeybka ma oga. In badan oo kuwaas ka mid ah waxay ka faa’ iideystaan dadka waxmagaratada ah si ay xoolo uga qaataan, waxayna isticmaalaan dariiqado kala duwan, sida inay carruurta ku faaliyaan ama sacabka iyo koobabka, quraaradaha, murayadaha oo ay wax ku akhriyaan, haddii ay hal mar run sheegaan sagaashan iyo sagaal jeer ayey been sheegi, laakiin dadka makastada ahi ma xusuustaan markii kali ahaa oo ay runta sheegeen beenlowyadu mooyee, markaas ayey aadayaan si ay u ogaadaan waxa soo socda, liibaanta iyo dhul dareysiga, guurka, ganacsiga iyo fhay helaan wax ka dhumay iwm. Qofkii waxsheegyada aada oo rufnaysta waxay sheegayaan waa gaal diinta ka baxay waxaana u daliil ah hadalkii Nabigu (scw) uu yiri:

waxaa ku waajib ah inuu towbad keeno salaadana tukado.

IN LA RUMEEYO IN XIDDIGUHU SAAMEYN KU LEEYIHIIN DADKA NOLOSHOODA IYO FALALKA DHACAYA

Seyd Ibnu Khaalid Aljuhani wuxuu yiri: Nabiga (scw) ayaa nagu tujiyey salaadda subax Xudeybiya, iyada oo habeenkii roob da’ay, markii uu salaaddii ka baxay ayuu yiri:

Taas waxaa la mid ah in la isticmaalo bakhtiyaanasiibka ku yaal joornaalada iyo
wargeysyada, qofkii rumeeya in xiddiguhu saameyn ku leeyihiin dhacdooyinka wuu gaaloobay, haddiise uu waqti dhumis ahaan isaga akhriyayo waa caasi danbi ayaana ka raacaya, waayo ma banaana in waqti dhumin ahaan loo akhriyo wax shirki ah sheydaankuna wuxuu qofka qalbigiisa ku tuurayaa inuu rumeeyo Waxaas oo markaas ay noqoto dariiq shirkigu ugu soo gabado .
Shirkiga waxaa ka mid ah In la rumeeyo in waxyaalaha lagu intifaacayo uusan
Ilaahay sidaas ka dhigin sida dadka qaarki u rumeeyey in xirsiga iyo qardhaasta shirkiga ahi wax taraan iyo sidoo kale noocyada faalka iyo jijimaha maarta ah iwm, iyadoo laga dab qaadanayo ra’yiga sixirowga iyo wax sheega ama caado hore oo la kata dhaxlay, markaa ayey luqunta ku xiran ama carruurta u xirayaan, si aysan ishu u qaban sida ay ayagu sheeganayaan, waxayna ku xirtaan gawaarida, guryaha iyo jirkooda, waxay kaloo gashadaan faraatiyo fasas kala duwani ku jiraan, taasoo ay waxyaalo kale ka aaminsan yihiin sida inay balaayada celiso ama wax bogsiiso, taasna waxaan shaki ku jirin inay reebeyso in Ilaahay la talo saarto, dadkana waxaan jiro ahayn uma siyaadineyso waana wax xaaraan ah oo la isku daaweynayo. Qardhaasta la isku xiro badankeeda waxaa ku jira shirki cadaan ah, sida in loo qeyshado jini iyo sheyaadiin ama sawiro aan la aqoon ama qoraal aan la fahmeyn .Sixirowyada qaarkood waxay qoraan aayado quraan ah, markaasey waxay ku daraan wax kaloo shirki ah, qaarna aayado quraan ah ayey waxay ku qorayaan wax najaaso ah ama dhiiga caadada dumarka.

Waxyaalaha aynu soo sheegnay xirsi ay ku qoran yihiin in la isku xiro ama la iska lulo waa xaaraan, waxaana daliil u ah hadalkii Nabigu (scw) yiri;

Qofka waxyaalahaas isticmaala haddii uu rumeeyo inay Ilaahay ka sokow wax u tarayaan ama wax u dhimayaan gaalnimadii weyneyd ayuu gaaloobay, haddiise uu rumeeyo inay sabab u yihiin nafaca iyo dhibkaba iyadoo la ogyahay inaan Ilaahay sabab uga dhigin, qofkaasi gaalnimadii yareyd ayuu gaaloobay, waxayna soo galeysaa shirkiga asbaabta ah.

CIBAADADA OO LOO SAMEEYO HALAGAA SHEEGO

Shuruudda camalka suub.an waxaa ka mid ah, inuu ka hufan yahay istustus iyo inuu waafaqsan yahay sunada, qofkii cibaado u sameeya halagaa sheego shirkigii yaraa ayuu la yimid camalkiisuna wuu burey, sida qofkii u tukada in dadku arkaan, Ilaahay wuxuu yiri:

Taas waxaa la mid ah haddii uu carnal u sameeyo halagaa sheego oo ha la maqlo oo iyadana shirk! ayuu ku dhacayaa, goodi ayaa ku soo aroorey qofkii sidaas sameeya, sida ku sugan xadiiskii Ibnu Cabbaas iyadoo xadiiskaa sanadkiisu Nabiga (scw) gaarsiisan yahay:

Qofkii cibaado u sameeya Ilaahay darti iyo dadku inay arkaan camaikiisii waa burey sida ku sugan xadiiska qudsiga ah:

Qofkii carnal Ilaahay darti u bilaaba ka dibna ay ku soo dhacdo halagaa sheego haddii uu dhibsado oo la diriro oo iska reebreebo camalkiisii waa uu ansaxayaa, haddii uusanse dhibsan oo naftiisu ku dagto culumada badankeedu waxay qabaan in camalkiisii burayo.

WAXBAASEYSIGA

Waxbaaseysigu waa in wax la shareysto, Ilaahay wuxuu yiri:

Carabtu waxay ahaan jireen haddii ay damcaan inay arrin fuliyaan sida safarka iwm, waxay soo qaban jireen shimbir ka dibna waa siideyn jireen, haddii ay midig u duusho way bishaareysan jireen oo arrinkii ku dhaqaaqi jireen, haddiise ay bidix u duusho way baaseysan jireen oo ka noqon jireen arrinkii Nabigu (scw) arrintaa xugunkeeda wuxuu ku caddeeyey xadiiskii uu yiri:

Citiqaadkaas, muxarramka ah oo reebaya kaamilnimada towxiidka waxaa ka mida, bilaha in la baaseysto sida in guurka la iska daayo bisha Safar ama in ayaamaha la baaseysto sida in la rumeeyo in maalinta arbacada ee bil walba u dambeysa ay tahay qumayo, ama in la baaseysto tirada seddex iyo tobanka “13”, ama in la baasaysto magacyo ama dadka naafada ah sida hadii uu qofku aado dukaankiisa si uu u furo, ka dibna uu dariiqa ku arko nin weershe ah uu baaseysto oo iska laabto iwm. Waxaas oo idil waa xaaraan shirki ah, Nabigu (scw) beri ayuu ka noqday qofkii falalkaas sameeya daliilkeeduna waa xadiiskii Cumraan Ibnu Xuseen oo sanadkiisu Nabiga gaarsan yahay:

qofkii falaalkaas wax ka mid ah ku dhaca kafaara gudkiisu waa sida ku soo aroortay xadiiska Cabdulaahi Bin Cumar wuxuuna yiri Rasuulku (scw):

waxbaaseysigu waa dabeecad naftu leedahay mar ayuu siyaadaa marna wuu yaraadaa, daawadiisa ugu fiican waa in Ilaahay la talo saarto, sida ku soo aroortay hadalkii Ibnu Mascuud yiri:

ILAAHAY QEYRKI OO LAGU DHAARTO

Ilaahay wuxuu ku dhaaran karaa wuxuu doono oo makhluuqaadkiisa ah, laakiin qofka makhiuuqa ahi Ilaahay mooyee cid kale inuu ku dhaarto uma banaana. Dad badan ayaa carrabkooda waxaa ku badan dhaarta, dhaartuna waa nooc weyneynta ka mida oo aan Ilaahay mooyee cid kale ku habooneyn. Ibnu Cumar ayaa waxaa laga wariyey xadiis Nabiga (scw) gaarsan oo ahaa:

waxaa kaloo laga wariyey xadiis kaloo Nabiga (scw) gaarsan oo ahaa:

Nabiga (scw) waxaa laga wariyey inuu yiri:

Ma baana in lagu dhaarto Kacbada, amaanada, sharafta, gargaarka, barakada hebel, nolosha hebel, jaaha Nabiga (scw), jaaha Waliga, Aabayaasha, Hooyooyinka iyo Carruurta, waxaas oo dhan waa xaaraan in iagu dhaarto, qofkii intaas wax ka mida ku dhaca kafaara gudkiisu waa inuu yiraahdo LAA ILAAHA ILLAA ALLAAH, sida ku soo aroortay xadiiskasaxa ah:

Hadalka baabkaan ku soo aroorey waxaa la mida oraahyo badan oo shirki muxarram ah Muslimiinta qaarkoodna ay ku hadlaan sida in la yiraahdo: ilaahay iyo adigaan idinmagan gatayaa, adiga iyo Ilaahay ayaan idin tala saartey, waxaas adiga iyo Ilaahay ayaa ii tarey, adiga iyo Ilaahay mooyee cid kale malihi, Ilaahay ayaa cirka ii jira adiguna dhulka ayaad ii joogtaa, haddii aana Ilaahay iyo hebel heli laheyn si kale ayey iga noqon la hayd, sida saxa ah waa in tala yimaado ereyga “kadib” oo uu yiraahdo Ilaahay ayaan leeyahay ka dibna adiga, ereyada shirkiga ah waxaa ka mida anigu beri ayaan ka ahay Islaamka, guul darro joogto eheey, taas waxa la mida oraah walba oo waqtiga lagu caayayo sida, waqtigaani waa xun yahay waa saacad baas, waa waqti khayaano iwm. Waayo cayda waqtiga la caayo waxay u laabaneysaa llaahii waqtiga abuurey.
Hadaladaas shirkiga ah waxaa la mida, oraahdaan: dabeecadda ayaa dooneysa, iyo magac walba oo adoonimo lagu sugayo oo cid aan Ilaahay ahayn loo tiiriyo sida, Cabdul Masiix, Cabdul Nabi, Cabdul Rasuul, iyo Cabdul Xuseen.
Oraahaha iyo halkudhagyada gadaal laga keenay ee ka soo horjeeda towxiidka waxaa ka mida, Hanti Wadaaga Islaamka, Dimaqoraadiyadda Islaamka, shacabku wuxuu doonayo Ilaahay wuxuu doonayo ayey la mid tahay, Diinta Ilaahay ayaa is kaleh Wadankana dadka ayaa wada leh, magaca Kacaanka.
Waxyaalaha la xarrimay waxa ka mid ah in qof loogu magac daro oraahda boqorka boqorada iyo wixii oraaho kale ah oo la mid ah sida, qaaliga qaaliyada, in qof munaafaq ah ama gaal ah lagu caam yeelo oraahda ah sayid iyo wixii la macna ah ( afkii la doono ha lagu yiraahdo ee). in la isticmaalo xarafka low kaasoo ku tusaya caro iyo fal sheydaan iyo iyado fureysa carnal sheydaan. In la yiraahdo Ilaahow haddii aad doonto ii dambi dhaaf.

Haddii aad dooneyso faahfaahin dheeraada eeg kitaabka MUCJAM ALMANAAHI AL-LAFDIYAH ee uu qorey sheekh Bakar Abu Seyd.

MUNAAFIQIINTA IYO GAALADA OO LALA FARIISTO OO LA WEHESHADO AMA LOO WEHELYEELO

Kuwa uusan iimaanku uusan qalbigooda gelin waxay u qasdayaan inay la fariistaan dad reero fisqi iyo faajir ah, baise waxaa laga yaabaa inay la fariistaan kuwa shareecaddii Ilaahay, Diintiisii iyo Awliyadiisii ku jeesjeesaya oo caayaya,
shakina kuma jiro in falkaasi muxarram yahay oo caqiidada durayo Ilaahay wuxuu yiri:

Ma banaana in lala fariisto kuwaas oo Aayadaha Ilaahay wax ka sheegaya, haddii ay xataa qaraabo dhow yihiin ama fadhigoodu xiiso leeyahay ama sheekadoodu macaan tahay, qofku inuu Islaamka ugu yeero ama baadilka ka celiyo ama ka reebo mooyee inuu ka raali noqdo ama ka aamuso ma banaana Ilaahay wuxuu yiri:

KU XASILIDDA SALAADA OO LAGA TAGO

Jariimooyinka waaweyn ee tuuganimada ah waxaa ka mida xadida la xadayo salaada Nabigu (scw) wuxuu yiri:

ku xasilidda salaadda in laga tago oo dhabarku uusan ku xasilin rukuuca iyo sujuuda, oo aan qumaati loo istaagin marka rukuuca laga istaago iyo marka lagu sugan yahay fadhiga u dhaxeeya labada sujuudood, intaas oo dhan waxaa caan ku ah dad weyne badan oo tukada mana jiro masjid ka mamaan kara dad tusaale u noqon kara dadka aan salaadda ku xasilin, xasilidduna waa rukni aysan salaaddu la’aanti ansaxeyn, arrintu waa khatar Nabiguna (scw) wuxuu yiri:

Shaki kuma jiro in arrinkaasi uu yahay mid xun oo qofkii sameeya mudan yahay in laga reebo loona digo. Waxaa laga wariyey Abii Cabdulaahi Al Ashcari inuu yiri: Nabigu (scw) wuxuu tujiyey Asxaabtiisii ka dibna wuxuu la fariistey qaar Asxaabta ka mid ah, nin ayaa Masjidka soo galay oo salaad xirtay wuu rukuucay oo sujuuday oo wuxuu kasiiyey sujuudii gadhaw, Nabigu (scw) wuxuu yiri: war kaas ma arkeysaan, qofkii sidaas kudhintaa wuxuu ku dhintay Diintii Nabi Muxamed (scw) Diin aan ahayn Salaadiisa ayuu gadhaw ka siin sida tukuhu dhiiga u gadhawsado, Qofka rukuuoa iyo sujuudda gadhow ka siinaya wuxuu la mid yahay qof baahan oo aan cuneyn hal iyo labo timira mooyee, maxay baahidiisii ka deeqi. Ibnu Khuseyma ayaa ku wariyey saxiixa.

Seyd Ibnu Wahabna waxaa laga wariyey inuu yiri, Xudeyfa ayaa wuxuu arkay nin aan taam yeeleyn rukuuca iyo sujuudda markaas ayuu ku yiri: maadan tukan, haddii aad sidaas ku dhimatid kuma aad dhiman Diintii fidrada ahayd ee Ilaahay Nabi Maxamed (scw) la soo direy.

Waxaa ku baboon qofkii ka taga ku xasilidda salaadda hadduu ogaado xugunkeeda inuu ku soo celiyo salaadda waajib ka ah ee waqtigeedii uu joogo, tii waqtigeedii tageyna uu Ilaahay uga towbad keeno, kuma waajibayso inuu salaadihii tagey soo celiyo sida uu caddeeyey xadiiskii ahaa (Noqo oo tuko ma aadan tukane).

CIYAARTA IYO DHAQAAQA OO SALAADDA LAGU BADIYO

Taasi waa aafo aysan ka nabadgelin dad tiro badan oo tukanaya, Waayo ma fulinayaan ammarkii Ilaahay yiri: (Ilaahay u istaga idinka oo khushuucsan) Albaqara 238. mana fahmayaan hadalkii Ilaahay yiri: (Waxaa liibaanay mu’miniintii salaadooda ku khushuuca) Almuminuun 1-2.

Nabiga (scw) markii la weydiiyey qof sujuudaya oo carrada gacanta ku simaya wuxuu yiri: Ha masaxin carrada adigo tukanaya, haddii ay lama huraan noqoto in aad sameyso hal mar quruuruxa sin” waxaa wariyey Abuu Daa’uud 1/581.

Culumadu waxay sheegeen in dhaqaaqa badan ee isku xiga oo dan la’aanta ah salaaddu ku bureyso, haddaba sidee noqonayaan kuwa ku cayaaraya salaadooda iyago Ilaahay hortaagan, qaarkood saacadooda ayey eegayaan ama maradooda toosinayaan ama sanka ayey farta iska galinayaan ama midig iyo bidix iyo kor eegayaan oo aysan ka baqeyn in aragooda la dafo ama sheydaanku salaadooda xado.

QOFKA OO IIMAAMKIISA SALAADDA KAS UGALA HORMARA

Dadka dabeecaddooda waxa ka mid ah degdega.

Nabigu (scw) wuxuu yiri:

In badan ayuu qofku arkayaa isaga oo jamaaco ku jira dad badan oo ku tukanaya midigtiisa iyo bidixdiisa, balse wuxuu ku arki naftiisa marmar inuu iimaamka kala hormarayo rukuuca iyo sujuuda iyo takbiirta guud ahaan iyo saiaama naqsigaba. Arintaasi waxay u muuqataa inaysan dad badan ahmiyad la lahayn, waxaa ku soo aroorey goodi kulul oo Nabiga (scw) laga wariyey wuxuuna yiri:

Haddiiba qofka tukanaya la faray inuu salaadda ku yimaado deganaasho, sidee noqoneysaa salaadda qudheedu, dadka qaarki inay iimaamka ka hormaraan waxay ku dheehaan inay ka dib maraan, ha la ogaado culumada Allaha u naxriistee waxay sheegeen xeer fiican oo arrintaasi leedahay kaasoo ah: Qofka iimaamka la tukanaya waxaa ku haboon inuu dhaqaaqiisa ka bilaabo marka ay go’do takbiirta imaamka oo ra’da Allaahu akbar ku jirta ay dhamaato, kana hormari maayo kana dib dhici maayo, markaa arintu xeer ayey yeelaneysaa, Asxaabtii Nabigu (scw) aad ayey ugu dadaali jireen inaysan Nabiga (scw) ka hormarin, mid ka mid ah Asxaabta oo la oran jirey Baraa’ Binu Caasib (rac) wuxuu yiri: Asxaabtu Nabiga (scw) ayey ku daba tukan jireen, haddiii uu Nabigu kor uga soo noqdo rukuuca ma arki jirin qof dhabarkiisa soo qaloociya ilaa Nabigu (scw) wajigiisa dhulka dhigo, markaa ka dib ayey ku dabo tukanayaan oo sujuuda u soo hooban jireen. waxaa wariyey Muslim.

Marka uu Nabigu duqoobay oo dhaqaaqiisii culeys galay, dadkii la tukanayey ayuu baraarujiyey oo wuxuu yiri:

Imaamka waxaa laga doonaya inuu ku dhaqmo takbiirta sunnada ah oo ku soo aroortay xadiiska Abu Hureyra uu wariyey (rac):

Hadduu imaamku ka dhigo takbiirtiisa mid ku iifaaqan xarakadiisa qofka la tukanayana uu fuliyo xeerkii aan soo sheegnay Arinta jamaacadu way hagaagi.

INUU MASJIDKA YIMAADO QOFKII SOO CUNAY BASAL, TOON AMA WAX UR QARMUUN

Ilaahay wuxuu yiri:

Jaabir ayaa waxaa laga wariyey inuu yiri Nabigu (scw) wuxuu yiri:

Cumar Binu Khadaabna . dadka ayuu u khudbadeeyey maalin jimee ah khudbadiisii wuxuu ku yiri:

Arrintaas waxaa soo galaya dadka isla marka ay shaqada ka soo baxaan masjidka soo gala iyado qarmuun ka soo urayo kilkilahooda iyo iskaalsadooda, kuwaas waxaa ka xun kuwa sigaarka caba oo inta sigaarka xaaraanta ah soo dhuuqa masjidka soo gala oo adoomada Ilaahay, Malaai’igta iyo dadka tukanaya ku dhiba.

SINADA

Markii shareecada qasadkeeda ay ka mid noqotay in Cirdiga (sharafta dumarka) iyo taranka la ilaaliyo, ayaa shareecada waxaa ku soo arooray xarimidda sinada, Ilaahay wuxuu yiri:

Balse shareecadu waxay ku xirtay wadooyinkii sinada lagu gaari lahaa oo dhan in la faro xijaabka, in indhaha la laabo iyo in qof ajnabi ah lala khaali noqdo iwm.

Qofkii reer yeeshay oo sineysta waxaa lagu ciqaabi ciqaabta ugu fooshaxun oo ugu daran, taaso ah in dhagax lagu garaaco ilaa uu ka dhinto si uu u dhadhamiyo abaalka ficilkiisa xun. Waa inay xanuunsataa xubin walba oo jirkiisa ka mida sida uu ugu raaxeystay xaaraanta. Qofka sineysta oo aan nikaax xalaal ah soo marin waxaa lagu karbaashi tirada ugu badan ee ku soo aroortay shareecada, taas oo ah boqol jeedal, iyada oo ay u dheertahay fadeexada iyo ceebta ka raaceysa dadka Mu’miniinta ah ee fiirsanaya karbaashidiisa iyo in laga musaafuriyo hal sano meesha uu jariimada ku galay.

Dadka sineysta nolosha Barsakha ah waxaa lagu cadaabi Tanuur xagga sare ciriiri ka ah, xagga hoosena waasac ka ah, xagga hoose ayaa dab looga shidayaa waxaana lagu ridi dadka sineysta lyago qaawan. Marka dabka lagu shido ayey qeylin oo kor soo aadayaan ilaa ay sigaan inay soo baxaan, markii dabku baso ayey hoos u noqon cadaabkaas ayey ku jirayaan ilaa qiyaamaha.

Arintu aad ayey u sii fool xumaaneysaa hadduu qofku mar walba sineysanayo isago sii gaboobaya oo qabriga ku sii dhowaanaya Ilaahayna u seeto dheereynayo.

Waxaa Abuu Hureyra laga wariyey xadiis Nabiga (scw) gaarsan oo ahaa:

Waxlaga shaqeeyo waxaa ugu xun lacagta ay qaataan dumarka jirkooda gata, qofta sineysaneysa ee jirkeeda gadaneysa duco laga aqbali maayo habeen barkii mark a albaabada samada la furo, mana aha baahida iyo faqrigu cudurdaar sharci ah oo looga talaabi karo xuduuda Ilaahay, horey waxaa loo yiri

Gabadha xorta ah inay baahato ayey ka xigtaa inay naasaheeda gadato inay farjigeeda gadatana iskaba daa.

Waqtigaan aan joogno albaab walba ayaa loo furey fool xumadii, sheydaankuna dhagartii iyo dhagarta xulafadiisa ayuu dariiqii foolxumada ku sahlay, markaa ayaa waxaa raacay caasigii iyo macsilowyadii markaas ayaa waxaa faafey dumarkii qaawanaa oo wareegaya, qof walbana wuxuu sii daayey indhihiisa oo xaaraantii la fiirsaday, waxaa faaftay rag iyo dumar isku dhex jira, waxaa la faafiyey joornaalo iyo filimo fool xun, waxaana aad loogu dhoofay wadamada gaalada, waxaana la sameeyey suuq looga ganacsado dhilaysiga oo in badan
lagu xad gudbo cirdiga (sharafta dumarka), waxaa batay wacalladii iyo ilmaha uurka lagu dilo.

Ilaahow waxaan ku weydiisaneynaa raxmadaada, naxariistaada, asturkaaga iyo
ilaalin aad naga ilaaliso foolxumada, waxaaan ku weydiisaneynaa in aad qalbigeena dahirto oo farjigeena ilaaliso oo aad anaga iyo xaaraanta nakala dhex dhigtid Teed iyo gidaar.

KHANIISNIMADA

Jariimadii qoladii reer Luud lagu halaagay waxay ahayd inay ragga u tagi jireen Ilaahay wuxuu yiri:

Jariimadaas fool xumadeeda iyo khatarteeda Ilaahay wuxuu ku ciqaabay qoladii sameysay afar cuquubo oo llahay uusan qolo kale isugu darin, kuwaaso ah in indhahoodii la masaxay in la rogay, in xaggoodii sare hoos la mariyey, in dhagxaan roob iooga dhigey iyo in lagu qeyliyey. Shareecada Islaamku ciqaabta ninka wax fuula iyo kan la fuulayba waa in seef lagu dilo, haddii ay raaligooda iyo khiyaarkooda ku sameeyeen. Ibnu Cabbaas ayaa laga wariyey xadiis Nabiga gaarsan oo ahaa:

Waxaa soo baxay maanta daacuun iyo cudurro kaloo dadkii inaga horeeyey aysan qabijirin, sababteeduna waa macsida sida: Aydhiska dilaaga ah, taasi waxay ku tusaysaa xikmada Ilaahay inuu u doorey ciqaabtaan xeesha dheer cidii falkaa xun la timaada.

NAAGTA OO ISU DIIDA NINKEEDA IYADON CUDURDAAR SHARCI AH HAYSAN

Abuu Hureyra ayaa Nabiga (scw) wuxuu ka wariyey inuu yiri:

Dumar badan ayaa haddii ay is qabtaan ninkooda ku ciqaaba inay isu diidaan oo xaqiisa u diidaan iyagoo isla quman, waxaa laga yaabaa inay arintaas ka dhalan karto arrimo fool xumo weyn keeni kara oo ay ka mid tahay in ninkeedu xaaraan ku dhoco ama in arrintu iyada isku rogto oo uu ku fakero inuu la guursado. Qofta dumarka ah waxaa laga dooni inay u degdegto ogolaanshaha ninkeeda haddii uu weydiisto, iyadoo fulineysa hadalkii Nabigu (scw) uu yiri kaasoo ahaa:

ninkana waxaa iaga doonayaa inuu u daneeyo xaaskiisa haddii ay jiran tahay, haddii ay uur leedahay iyo haddii ay kurbaysan tahay si ay heshiis u ahaadaan oo aysan isu khilaafin.

NAAGTA OO NINKEEDA WEYDIISATA FURITAAN IYADOON SABAB SHARCI AH HAYSAN

Dumar badan ayaa haddii uu khilaaf yar dhex maro ayaga iyo ninkooda ama uu siin waayo lacagta ay rabto ku degdega inay weydiistaan furitaan, waxaaba Iaga yaabaa inay soo riixayaan qolo wax isku dirta oo qaraabadooda ah ama dariskooda ah, ama waxaa Iaga yaabaa inay ninka la baratanto oo ku tiraahdo hadalo ka careysiiya, sida haddaad nin tahay car I fur, sida la ogyahay furitaanka waxaa ka dhasha dhibaato weyn iyo in qoysku burburo oo carruurtu kala haado, waxaa dhici karta inay shalaydo waqti aanay shalayto waxtarayn, arrintaas iyo qeyrkeedba waxay tuseysaa xikmadda shareecada markii ay joojisey armtaas, Thowbaan ayaa waxaa Iaga wariyey xadiis uu Nabiga (scw) ka wariyey:

Cuqba Binu Caamir waxaa laga wariyey xadiis uu Nabiga ka wariyey:

Haddiise ay jirto sabab shard ah sida in ninku salaadda ka tago, khamrada iyo maandooriyaha cabo ama uu ku khasbo arrin xaaraan ah ama uu dulmiyo oo dilo, ama uu xuquuqdeeda u diido, oo waano wax ka tariweydo oo heshiiskii la isku dayo socon waayo, markaa dhib kuma jiro haddii qofta dumarka ahi furitaan weydiisato si ay u badbaadiso diinteeda iyo nafteeda.

DIHAARKA

Hadaladii hore ee dadkii jaahiligu oranjireen ummaddaana ku dhex faafey, waxaa ka mid ah Dihaarka, oo ah in ninku ku yiraahdo xaaskiisa hooyadey ayaad’ iga tahay ama walaashey ayaad iga tahay iyo wixii la macno ah ee ka mid ah oraahaha xun ee shareecadu muujisey xumaantooda, sababtoo ah waxaa ku jira dulminta dumarka, Itaahay wuxuu ku sifeeyey hadalkaas:

Shareecadu arintaas kafaara gudkeeda way adkaysay waxayna shabahdaa kafaara gudka qoka kama’ loo dilo, waxay kalo shabahdaa kafaaragudka qofka xaaskiisa u taga maafin Ramadaan. Ninkii xaaskiisa ka dhaarta uma banaana inuu u tago ilaa kafara gud uu la yimaado Ilaahay wuxuu yiri:

NINKA OO U TAGA XAASKIISA OO CAADO QABTA

Ilaahay wuxuu yiri:

Marka ninka xaaskiisa uma banaana ilaa ay daahir noqoto oo ay ka qubeysato. Ilaahay wuxuu yiri:

Dambigaas fool xumadiisa waxaa caddeynaya hadalkii Nabigu (scw) yiri:

Qofkiise kama’ ugu taga asago aan ogeyn arintaa xugunkeeda, danbi malaha, qofkii ulakac u sameeya asago- og, kafaragud ayaa laga doonayaa sida ay qabaan culumada qabta in xadiiska kafaaragudku sax yahay, kafaara gudkaas waa in la bixiyo diinaar ama nus diinaar, culumada qaarkood waxay yiraahdeen khiyaar ayuu u leeyahay, qaarna waxay yiraahdeen, haddii ninku u tago xaaskiisa marka dhiigu ku bilowdo diinaar ayuu bixinayaa, haddiise uu u tago marka ay ka siibaxayso ee dhiigu yaraado ama inta aysan qubaysan nus diinaar ayuu bixin. Diinaarka qiimaha loo isticmaalo waa 4.25garaam oo Dahab ah, Intaas ayuu sadaqaysan ama qiimaheeda oo lacag ah, waxaase sax ah inuu khiyaar u leeyahay nuska ama diinaarka, farqina makalalaha dhiiga bilowgiisa iyo dhammaadkiisu.

XAASKA OO DUBURTA LOOGA TAGO

Dadka xag jirayaasha ah oo iimaankoodu yar yahay kama sariigtaan inay xaaskooda duburta uga tagaan (meesha xaarku ka soo baxo),
taasina waxay ka mid tahay dunuubta kabaa’irta ah Nabiguna (scw) wuu lacnaday qofkii falkaas sameeya.

Abuu Hureyra waxaa laga wariyey xadiis Nabiga (scw) gaarsan:

Nabigu (scw) wuxuu kaloo yiri:

Inkastoo dumarka fidradoodu fiican tahay ay diidayaan arrintaas, Haddana ragga qaarkood furitaan ayey ku handadaan haddii aysan ogolaan, ragga qaarkoodna way siraan xaaskooda iyadoo dumarku ka xishoonayaan inay weydiiyaan culumada arintaas waxay u daliishadaan:

Waxaa la og yahay in sunadu quraanka fasirto, taaso ay ku soo aroortay in Nabigu (scw) sheegay inay banaan tahay inuu ninku kaga yimaado xaaskiisa jihadii uu doono xagga hore iyo xagga dambe, maadaama ay meeshu tahay meesha carruurtu ka soo baxdo, wax qarsoomi kara ma aha, in duburta laga xaaro aysan ahayn meehsa carruurtu ka soo baxdo.

Jariimadaas sababteedu waa in qofku uu galo nolol guur nadiif ah, isago wata dhaqan jaahili ah iyo isticmaai xaaraan ah ama madaxiisa ay ka buuxaan aflaam fool xun oo uu fiirsaday, taaso uusan Ilaahay uga towbad keenin, waxa la ogsoon yahay in ficilkaasi xaaraan yahay haddii ay xataa labaduba ku heshiyaan, sidaasna ku xalaaloobi maayo.

DUMARKA LA ISLA QABO OO AAN LOO CADDAALAD FALIN

Waxyaalaha Ilaahay inoogu dardaarmay kitaabkiisa waxaa ka mida in dumarka la isla qabo loo caddaalad falo Ilaahay wuxuu yiri:

Cadaaladda la doonayo waa in looga caddaalad falo xaga hoyashada iyo in mid walba xaqeeda la siiyo sida masruufka iyo marasha, ee cadaaladdu maaha muxabada qalbiga, waayo qofku taas awood uma laha.

Ragga qaar ayaa haddii uu guursado hal xaas ka badan, mid qura xageeda u leexday kuwii kalena ka taga oo faraha ka qaado oo mid qura badanaaba la seexda ama mid qura wax siiya kuwa kalena aan wax siin, arintaasi waa xaaraan, qofkii sidaas sameeyana maalinta qiyaame wuxuu ku imaanayaa sifada ku soo aroortay xadiiskaan Abu Hureyra ka wariyey Nabiga (scw):

NAAG AJNABI AH OO LA LA KHAALI NOQDO

Sheydaanku wuxuu ku dadaalayaa inuu dadka fitneeyo oo xaaran ku rido sidaa awgeed ayaa Ilaahay nooga digay oo yiri:

Sheydaanku wuxuu Aadanaha kaga soedaa meesha dhiigu kaga dureero, dariiqyada sheydaanku u adeegsado inuu dadka danbiga ku rido waxaa ka mida in qof dumara oo ajnabi ah la la khaali noqdo, sidaa awgeed shareecadu dariiqaas waa oodey sida ku cad hadalkii Nabigu (scw) yiri:

Nabigu wuxuu kaloo yiri:

Uma banaana in ninku kula gaar noqdo meel guri ah ama qol ama gaari naag ajnabi ka ah sida walaalki xaaskiisa, ama jaariyada, ama naagta jiran oo dhakhtar u gasho iwm. Dad badan ayaa arrintaas fududeysta kalsooni uu isku qabo awgeed markaas ayaa waxaa ka dhasha in xumaantii lagu dhaco ama lagu dhawaado, arrintu waxay sii foolxun tahay marka uu is dhex galo nasabka iyo wacalladu.

NAAG AJNABI AH OO LA GACAN QAADO

Arintaani waxay ka mid tahay waxyaalaha caadooyinka jaahiliga ah Islaamku ku khilaafay, dad badana ku dhaqmaan oo dadku caadooyinkooda iyo dhaqankooda iyo hidahooda baadilka ah ay ka hormariyaan diinta, oo haddii aad qof ka mida aad la hadasho oo aad u sheegto xugunka diinta – oo aad xujada ku oogto oo daliil u keento, wuxuu kugu eedeyn dib u socodnimo, qaraabo goysnimo iyo in dadka niyada fiican shaki lagu beero iwm. Waxaana ummadeena caado u noqotay in ia gacan qaado: Gabadha Adeerku dhalay, Gabadha Eedadu dhashay, Gabadha Abtigu dhalay, Gabadha Habar yartu dhashay, Walaalka Xaaskiisa, Adeerka Xaaskiisa iyo Abtiga Xaaskiisa waxayna noqotay mid ka fudud biyo la cabayo, haddii ay ku eegi lahaayeen il wax arkeysa khatarta arintu leedahay xagga shareecada, sidaa may sameeyeen. Nabigu ( sew) wuxuu yiri:

Shaki kuma jiro in arintaasi ay ka mid tahay sinada gacanta ee Nabigu (scw) sheegay wuxuuna yiri:

Ma qof Nabi Maxamed (scw) ka qalbi fiican ayaa jira sidaaso ay tahay wuxuu yiri:

Sidoo kale wuxuu yiri:

Caa’isha (rac) waxaa laga wariyey inay tiri:

War hooy Ilaahay ha ka baqeen dadka ku handadaya dumarkooda saalixa ah inay furidoonaan hadii aysan walaalkood gacan qaadin, waxaa haboon in ia ogaado in haddii gacanta wax la iska xijiyo ama maro la saarto aysan waxba tareyn oo ay laba gooraba uu xaaraan yahay gacan qaadku.

NAAGTA OO ISCATARISA MARKA AY BAXAYSO OO RAGGA LA MARTA CARAFTEEDA

Arintani waxay ka mid tahay waxyaalaha faafay casrigaan inkastoo Nabigu (scw) aad uga digay, wuxuuna yiri:

Dumarka qaarkoqd qaafil ayey iska yihiin ama waa iska fudaystaan arintaas marka ay la joogaan darawalka, ninka wax iibiya iyo waardiyaha iskuulka, balse shareecadu aad ayey u adkaysay in dumarka catarka ismariya ay u qubeystaan sida qasliga looga qubaysto haddii ay doonayso xitaa masjidka, Nabigu wuxuu yiri (scw):

Ilaahay uun baa loo sheegtaa dhibta ay leeyihiin dumarka isticmaala uunsiga iyo
catarka marka ay u soedaan aroosyada iyo xafladaha iyo barfuunada urka dheer ee ay ku isticmaalaan suuqyada iyo. gaadiidka lagu socdo iyo meelaha lagu kulmo xataa masaajida ayey ku isticmaalaan habeenada Rabadaanka.
Shareecada waxaa ku soo aroorey in dumarka catarkoodu yahay kan midabkiisu muuqdo caraftiisu qarsoon tahay, Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuusan noo caroon oo uusan ragga iyo dumaarka saalixiinta ah u qaban waxay samaynayaan ragga iyo dumarka sufahada ah oo uu dhamaan ku hanuuniyo jidka toosan.

NAAGTA OO MAXRAM LA’AAN SAFARTA

Labada kitaab oo saxa ah (saxiixeynka) waxaa ku soo arooray in Ibnu Cabaas lagawariyey inuu yiri: Nabigu (scw) wuxuu yiri:

Safarkaas waxaa soo galaya safarada oo dhan xataa safarka Xajka, qofta dumarka ah haddii ay safarto maxram la’aan waxaa ku dhiiranaya
faasiqiinta oo maagaya, iyaduna waa qof tabar yar oo waxaa laga yaabaa inay duufsadaan xaalada ugu yar oo ku imaan karta waa in cirdigeeda iyo sharafteeda wax loo dhimo, taas waxaa la mid ah inay diyaarad raacdo haddii xataa maxram sugootiyo maxram kalena ka hor yimaado sida dadka qaarki yeelaan. Kursiga dhinaceeda ah yaa ku fariisan, haddii diyaaradda ciladi ku timaado oo ay ku degto Garoon kale ama ay dib u dhacdo ama waqtigeedii isbedelo xaalkeedu muxuu noqonayaa? waxaa jira qisooyin badan. Qofka maxramka noqonaya waxaa laga doonayaa afar shardi oo ah inuu Muslim yahay, qaan gaar yahay, caaqil yahay iyo inuu ragg yahay. Sida nabigu (scw) uu yiri:

IN NAAG AJNABI AH KAS LOO DAAWADO

Ilaahay wuxuu yiri:

Nabigu (scw) wuxuu yiri:

Xarimada diintu xarimtay in la fiirsado Naagta ajnabiga ah waxaa laga soo reebayaa wixii baahi sharci ah keentay sida eegida ninka guurka doonaya, dhakhtarka sidoo kale waxaa la xarimay in qofta dumarka ah ragga ajnabiga ah fitno ahaan u fiirsato, Ilaahay wuxuu yiri:

Sidoo kale waxaa la xarimay in shahwo ahaan loo daawado wiilasha quruxsan, waxaa kaloo xaaraan ah in ninku fiirsado nin cawradi ama naagtu fiirsato naag cawradeed, cawrowalba oo aysan banaanayn in la fiirsado ma banaana in la taabto haddii xataa wax la iska xijiyo, dadka qaarkood waxaa ku ciyaaray shaydaan oo waxay fiirsadaan sawiro, joornaalo iyo aflaam iyago xuj’o ka dhiganaya inaysan run ahanyn, waana arin aad u cad inay shahwada kicinayso dhibaato weyna ku jirto.

DAYUUSNIMADA

Ibnu Cabaas waxaa laga wariyey xadiis Nagiga laga wariyey:

Waxyaalaha dayuusnimada ah waxaa ka mid ah in isha laga laabo gabadha ama xaaskaa iyadoo guriga joogta oo teleefan kula sheekaysanaysa oo kula haasaawi nin ajnabi ah waxaa la mida in naag reerka ka mida loo ogolaado inay nin ajnabi ah gaari la fuusho sida dereewalka reerka iyo wixii la mid ah iyo in looga raali noqdo inay xijaab la’aan baxaan oo uu fiirsado kii soo socda iyo kii sii socdaba, taas waxaa lamid ah in guriga la keeno aflaamta iyo joomaalada fasaadka fidinaya.

CARUURTU INAY AABAHOOD KU ABTIRSADAAN OO LAGA BEDELO AMA AABAHA OO CARUURTIISA INKIRA

Uma banaana qof Muslim ah inuu ku abtirsado qof aan aabihi ahayn ama uu sheegto qolo uusan ahayn, dadka qaar ayaa arintaas u sameeya si ay u gaaraan arimo maado ku saabsan oo tesarahooda waxay ku cadaynayaan abtirsiiyo aan kooda ahayn, qaarna waxay u sameeyaan si ay u xasdaan aabahoodii ka tegey iyago yar, waxaas oo dhan waa xaaraan, waxaana ka dhalanaya xumaatooyin waaweyn oo kale duwan sida maxramnimada, Guurka, dhaxalka iwm. Waxaa ku soo arooray kitaabka saxiixa ah xadiis laga wariyey Sacdiyo Abi Bakar (rac) oo Nabiga gaarsan:

Shareecadu waxay reebtay wax walba oo nasabka waxa u dhimaya ama bedelaya, ragga qaar ayaa markii ay isqabtaan xaaskooda wuxuu ku eedeyaa sino wuxuuna inkiraa markhaati la’aan carruurtiisa iyadoo ku dhalatay gogoshiisa, dumarka qaar ayaa amaanada khiyaana markaas ayay sino ku uuraystaan oo ninkooda nasabkiisa waxay soo galiyaan ilmo uusan dhalin, goodi kulul ayaa ku soo aroorey xadiis uu ka maqlay Abuu Hureyra Nabiga,” markii ay soo degtay aayadda cadaynaysa islacnadida ninka iyo naagta” isagoo leh:

CUNIDDA RIBADA

Ilaahay quraanka kariimka kuma sheegin ogeysiis uu ku ogeysiinayo qof dagaalki kuwa ribada cuna mooyee , Ilaahay wuxuu yiri:

intaas ayaa ku filan caddeyta foolxumada dambigaani ku leeyahay Ilaahay agtiisa, qofkii u dhabagala ummadda heer qof iyo heer dowladeed wuxuu arkayaa burburka iyo baaba’a uu keenay isticmaalka ribadu, taas oo ay ka mid tahay ceyrtoobida, badeecad baarta, caajis, deynta oo la bixin waayo, dhaqaalaha oo burbura, shaqa la’aanta oo siyaada, shirkado iyo meherado badan oo burbura, in wixii la shaqeeyo iyo shaqaalaha dhididkoodu ku shubmo khaanada bixinta ribo aan dhammaanayn oo qofka ribo qaatuhu leeyahay, in dad weynaha ay ka dhex abuuranto dabaqado, taasina ay keento in xoolo fara badan ay ku wareegaan gacanta dad yar, waxaa laga yaabaa qaababkaasi inuu ka mid yahay waxa Ilaahay ugu goodiyey inuu la dagaalamayo dadka qaata ribada.

Dadka ribada ka qeyb qaata oo ay ka mid yihiin dhinacyada aasaasiga ah iyo ciddii gacan ku siisa waxaa lagu lacnadey Nabi Muxamad carrabkiisa, waxaa laga wariyey Jaabir (rac) in uu yiri Nabigu (scw) wuxuu lacnaday:

sidaas awgeed ma banaana in laga shaqeeyo kala qorida rib ad a, in la -diiwaan geliyo in la qabto ama la bixiyo, iyo in la keydiyo ama la ilaaliyo, guud ahaan ma banaana in laga qayb qaato ribada ama si uun lagu gacan siiyo.

Nabigu (scw) wuxuu ku dadaalay inuu foolxumada ribada ku cadeeyo xadiis laga wariyey Cabdullaahi Bin Mascuud oo Nabiga gaarsan:

iyo xadiis kale oo laga wariyey Cabdullaahi Bin Xandala (rac) oo Nabiga gaarsan:

Ribada guud ahaan ayaa loo xarimay ee laguma gaar yeelin qof maal qabeen ah ama sabool ah sida ay u qabaan dadka qaarki, balse waa mid taaban karta qofwalba iyo xaalad walba, imisa qof oo maalqabeen ah ayaa ku ceyrtowday, dhacdooyinka ayaa ka markhaati kacaya arintaa, dhibka ugu yar ee ay keeni karto waa iyada oo xoolaha barakada laga qaado tiradoodu haba badnaatee Nabigu (scw) wuxuu yiri:

Ribada xaaraanimadeedu ma aha mid ku kooban in qeybta ribada ah sheyga ku jirta sareyso ama hooseeyso ama badan tahay ama yar tahay ee ribada dhamaanteed waa xaaraan, qofka ribada cuna aakhiro marka qabriga la soo saarayo wuxuu u istaagayaa sida qof sheydaan taabtay oo suuxdinnimo qaba in kasta oo bembigani foolxun yahay hadana Ilaahay wuxuu inoo sheegay inuu toobad leeyahay uuna inoo cadeeyey qaabkii looga toobad keenayo wuxuuna ku yiri dadka ribada ku dhaqma:

Taasina waa cadaalada qudheedii. Waxaa waajib ah in qofka mu’minka ah uu ka fiigo dembigaas weyn oo uu xumaantiisa dareemo, xataa dadka dantu ku qabatay inay xoolahooda dhigtaan bangiyada ribada iyagoo xoolahooda uga baqaya dhumid ama xadid, waxaa ku haboon inay dareemaan dareen qof daruuro u geysay oo ay la mid yihiin qof cunaya bakhti wax ka daran, oo ay llaahey dembi dhaaf weydiistaan kuna dadaalaan inay ka badashaan, mana banaana inay bangiyada weydiistaan in ribo loo saaro xoolahooda, balse hadii xisaabtooda ribo loogu shubo waa inay ku bixiyaan dariiqo banaan oo aan sadaqo aheyn, Ilaahay waa wanaagsanyahay mana aqbalo xoolo aan wanaagsanayn umana banaana inay qaab uun ugu intifaacaan, uma banaana inay wax ku cunaan, wax ku cabaan, dharku gataan, gaadiid ku raacaan, deegaan ku gataan, ama ay ku bixiyaan masruuf waajib ku ah sida xaaska, Carruurta, Aabaha iyo Hooyada mana banaana in lagu bixiyo zako iyo canshuur ama qof la dulmiyayo isaga reebo dulmiga, baise wuu iska miidaaminayaa isagoo ka baqaya Ilaahay qabashadiisa.

BADEECADA OO CEEBTEEDA LA QARIYO MARKA LA GADAYO

Rasuulku (scw) wuxuu soo maray weel cunto lagu gadayo markaasuu gacanta galiyey cuntadii farihiisii waxay taabteen qoyaan markaas ayuu yiri:

Dadka wax gata maanta badankoodu waa dad aan llaahey ka baqayn waxay isku deyayaan inay sheyga ceebtiisa qariyaan oo wax ku dhejiyaan ama sheygii xumaa ayey alaabta u hoos marinayaan ama wax ayey ku buufin ama u isticmaalayaan wax kiimiko ah ama la mid ah oo u muujinaya in alaabtu qurxan tahay ama waxay qarinaysaa codkii xumaa ee matoorka laga maqli lahaa marka hore ee la shido oo haddii qofkii alaabta gatay uu qaato ay wax yar ka dib halaabeyso qaarkoodna waxay bedelaan taariikhda ay dhaceyso alaabtu ama waxay u diidayaan qofkii alaabta gadanayey inuu arko alaabtii ama baaro, ama iska tajrubeeyo dad badan oo kuwa gawaarida iyo qafabka gada ah ma sheegaan ceebta alaabta, taasina waa xaaraan Nabigu (scw) wuxuu yiri:

qaar waxay u maleynayaan in masuutiyadii ka dhaeday hadduu mar ku
yiraahdo qofka wax ka iibsanaya naadada waxaan gadayaa kuus biro ah, iibkaasi waa beec laga qaaday barakadii sida Nabigu uu yiri:

IIBKA LA ISKU FALISO

Iibka la isku faliso waa in alaabta qiime ku siyaadiyo qof aan iibsaneyn si uu u khiyaano dadka kale oo ugu soo jiido inay qiimaha siyaadiyaan, Nabigu (scw) wuxuu yiri:

Taasi waa nooc khiyaanada ka mid ah shakina kuma jiro, Nabiga (scw) wuxuu yiri:

dad badan oo dalaaley ka ah xaraashka, meelaha wax lagu naadiyo iyo carwooyinka gawaarida lagu gado kasabkoodu waa booli waayo waxay dhexgalayaa waxyaalo badan oo xaaraan ah, oo ay ka mid tahay iibka la isku
faliso, ama in qofkii shayga soo gadan lahaa la kadiyo ama kii wax iska iibin lahaa la khiyaamo, oo inta la isugu dhaco badeecaddiisa la sicir jabiyo, haddiise iyagu badeecada leeyihiin ama qof ka mid ah leeyahay arrintaas lidkeeda ayey sameynayaan waxay isku dhex qarin dadka wax gadanaya markaas ayey qiimaha naadada kor u qaadayaan, adoomaha Ilaahay ayey khiyaanayaan oo dhibayaan.

MAALINTA JIMCAHA AADAANKA LABAAD KA DIB OO WAX LA IIBIYO

Ilaahay wuxuu yiri:

dadka wax iibiya waxay sii wadaan inay waxa ku iibiyaan dukaamadooda ama masaajidda hortooda aadaanka labaad ee jimcaha ka dib, kuwaas waxaa dambiga la wadaagaya kuwa wax ka gadanaya rumayba ha ku ahaatee sida raajixa ah iibkaasi waa baadil, dadka iska leh maqaayadaha, foornooyinka iyo warshadaha qaarkood waxay ku qasbaan shaqaalahooda inay waqtiga salaadda jimcaha shaqeeyaan, kuwaas in kastoo aad moodid inay faa’iideen hadana dhab ahaantii wax aan khasaare ahayn ma ay siyaadsan. Qofka shaqaalaha ah waxaa ku waajib ah inuu ku shaqeeyo hadalkii Nabigu yiri (scw):

QAMAARKA IYO BAKHTIYAA NASIIBKA

Ilaahay wuxuu yiri:

dadkii hore ee jaahiliga ahaa waxay isticmaali jireen qamaarka qaabka ugu badan ee ay u isticmaali jireen wuxuu ahaa hal rati ayaa toban qof si isla’eg ugu shirkoobaan ka dibna waa loo qori tuuri, oo markaa toddoba qof ayaa qaadan tirooyin is dheer oo ay isla yaqaanaan, seddex qofna waxba qaadan mayaan. Maantana qamaarku dhowr qaab ayuu leeyahay waxaa ka mid ah: waxa loo yaqaan bakhtiyaanasiib wuxuuna leeyahay qaabab badan, kuwa ugu sahian waxaa ka mid ah in lacag iagu iibsado lanbaro lagana soo dhex saaro qofka koowaad ee guuieystay lana siiyo abaal gudka koowaad, qofka labaadna la soo saaro, oo sidaas oo kale Iagu sameeyo, oo sidaa Iagu bixiyo abaal gudyo dhowr ah oo qiimohoodu kata duwan yahay, taasina waa xaaraan haddii xataa ay ku magacaabaan samafal. Waxaa kaloo ka mida In qofku soo gato alaab gudaheeda ay ku jiraan waxaan la aqoon ama lasiiyo lambar markuu gato alaabta oo markaas lambarkaas lagu xadido dadka ku guuleystay abaal gudka.

Qaababka qamaarka ee maanta jira waxaa ka mid ah heshiisyada caymiska ganacsiga ah, kuna saabsan nolosha, gaadiidka, badeecada iyo gubashada iyo caymiska guud ahaaneed iyo caymiska cid kale ku saabsan iyo wixii la mid ah ee qaabab kala duwan leh, xataa fanaaniinta heesta qaar ayaa codkooda caymis galiya. Haddaba dhammaan qaababka qari iska tuurka ah waxay soo galayaan qamaarka, maanta waxaa la helayaa golayaal iyo meelo u gaar ah qamaarka, waxaa ku jira waxa loo yaqaan miisaska ciyaaraha oo loogu tala galay in lagu sameeyo danbigaas weyn, taas waxaa la mid ah sharadka la isu xirto marka ay ciyaarayaan kooxaha kubadda cagta iwm, taasina waa nooc qamaarka ka mid ah waxaa kale oo laga helaa meelaha lagu ciyaaro iyo meelaha lagu nasto noocyo ka mid ah cayaaraha la isticmaalo oo ay ku jirto fikradda qamaarka sida tan ay ku magacaabaan (alfalaybers). Tartanada iyo baratankuna waa seddex qeybood:

1- Wixii qasakoodu sharci yahay waa banaan yahay haddii abaal gud loo sameeyo iyo haddii kaleba sida tartanka awrta fardaha tuuryada shiishka, taas waxaa soogalaya tartanka cilmiga sharciga sida quraan xifdinta sida raajixa ah.

2- Wixii naf ahaantiisa isaga banaan sida ciyaarta kubadda cagta iyo tartanka orodada haddii laga saaro wixii xaaraan ah sida salaadda oo la dayaco iyo cawrada oo la feydo markaa way banaan tahay abaal gud la’aan.

3- Wixii naf ahaantiisa u xaaraan ah ama xaaraan keenaya sida fasaadka lagu
magacaabo tartanka boqoradda quruxda tartanka feerka ay ku jirto wajiga la iska dilo waa xaaraan, ama tartanka loo qabto wananka hardankooda iyo digaaga isqaniinaya iyo wixii la mid ah.

TUUGADA

Ilaahay wuxuu yiri:

Jariimada tuuganimada kuwa ugu weyn waxaa ka mid ah in wax iaga xado dadka xujeyda ah iyo kuwa guriga Ilaahay camiraya, dadka tuugada noocaasa ah waa kuwo aan qiimo u yeelin xuduuda Ilaahay, iyagoo jooga meesha dhulka ugu fadli badan iyo agagaarka guriga Ilaahay, Nabigu (scw) wuxuu yiri:

Tuuganimada ugu weyn waxaa ka mid ah in la xado xoolaha dad weynaha, dadka arintaa sameeya qaarkood waxay yiraahdaan sida dadka kale u xadaan ayeynu u xadeynaa, mana ay oga in taasi tahay xadid ay muslimiinta oo dhan xadeen, waayo xoolaha dad weynuhu wuxuu ka dhaxeeyaa muslimiinta oo dhan, ficiika ay ku kaceen dadka aan Ilaahay ka baqeyn ma aha mid xujo u noqon kara in lagu daydo, dadka qaar ayaa xada xoolaha gaalada ayagoo xujo ka dhiganaya inay gaalo yihiin taasina sax ma aha, gaalada ay banaan tahay in xoolahooda la qaato waa gaalada la diriraysa muslimiinta ee ma soo galayaan shirkadaha iyo dadka gaalada ah oo dhan, qaababka wax loo xado waxaa ka mid ah in dadka kale jeebkooda gacanta loo rito iyado la jeebsiibayo, qaarna waxay galaan dadka guryahooda iyagoo booqanaya markaasey xadayaan, qaarna waxay xadaan boorsooyinka dadka soo martiya, qaarna waxay soo galaan meelaha ganacsiga markaas ayey alaabta ku qarsadaan jeebabkooda iyo maryahooda ama sida dumarka qaarkood sameeyaan oo ah inay maradeeda hoosteeda alaabta ku qarsato, dadka qaar waxay fududeysteen xadida waxyaalaha yar yar ama qiimaha yar. Nabiguna wuxuu yiri (scw):

Waxaa ku waajib ah qof walba oo wax xada inuu u celiyo qofkii lahaa markii uu Ilaahay u toobad keeno ka dib, waa isku mid in alaabta caddaan loo celiyo iyo inuu qof kale usii dhiibo, hadduu waayo qofkii alaabta iskalahaa ama ciddii dhaxalkiisa lahayd uuna aad u raadiyey wuu sadaqeysanayaa ajarkana wuxuu u niyeysanayaa qofkii alaabta laga soo xaday.

IN LAALUUSH LA QAATO AMA LA BIXIYO

Qaaliga ama qofka dadka kala xukumaya in laaluush ia siiyo si uu qof xaqi u duudsiyo ama arin baadil ah uu u socodsiiyo waa jariimo, waayo waxay keeneysaa in aan cadaalad wax lagu xukumin iyo in la dulmiyo qofkii xaqa lahaa iyo in fasaadka la fidiyo, Ilaahay wuxuu yiri:

Abuu Hureyra waxaa laga wariyey xadiis Nabiga gaarsan oo ahaa:

wixiise ku yimaada qofka isago xaqiisa dhacsanaya ama isago dulmi iska celimaya oo aysan u suuro gali karin inuu laaluush bixiyo mooyee soo gali maayo goodiga la sheegey.

Waayahaan laaluushku aad ayuu u fiday ilaa uu u noqday shaqaalaha qaarkood il dhaqaale oo ka weyn mushaaradooda, balse wuxuu ka mid noqday qodab ka mid ah miisaaniyadda shirkado badan, isagoo cinwaan daboolan leh,

waxayna noqotay inaan arrimo badan labilaabin ama aan la dhameyn in laaluush labixiyo mooyee, taasina waxaa dhib weyn ka soo gaartay dadka saboooika ah waxaana ku halaabay xuquuq badan, waxayna sabab u
noqotay in shaqaaluhu ku xumaadaan dadkii ay u shaqaynayeen, shaqo fiican loo qaban maayo qofkii aan laaluush bixin, qofkii aan laaluush bixin shaqo xun ayaa loo qaban ama waa la daahin ama danba laga gali maayo, dadkii laaluushka bixiyey oo isaga ka danbeeyeyna mar hore ayaa loo dhameeyey arintoodii, laaluush sababti ayaa xoolo ka mid ahaa xaq uu lahaa qofka loo shaqeynayey galeen jeebabka shaqaalaha wax sii gada ama kuwa wax soo gada. Arimahaas aan soo sheegnay iyo kuwo kaloo la yaab ma leh in Nabigu (scw) uu ku habaaray dadka jariimadaan shirkada ku ah iyo ciddii ka qeyb qaadatayba in Ilaahay ka dheereeyo raxmadiisa, waxaa laga wariyey Cabdullaahi Bin Cumar (rac) inuu yiri Nabigu (scw):

DHULKA OO LA BOOBO

Haddii qofka laga waayo cabsida Ilaahay qofka awoodiisa iyo xeeshiisu waxay ku noqotaa dhibaato, wuxuuna u adeegsanayaa dulmi sida inuu boobo dadka kale xoolahooda taas waxaa ka mida dhulka oo la boobo, arrintaa cuquubadeedu aad ayey u daran tahay, waxaa laga wariyey Cabdullaahi Binu cumar xadiis Nabiga gaarsan oo ah:

Waxaa laga wariyey Yaclaa Binu Murrah (rac) xadiis Nabiga gaarsan:

Taas waxaa soo galaya in la bedalo caiaamadaha iyo xuduuda dhulka oo qofku dhulkiisa ku durkiyo dariskiisa waana taas lagu ishaaray hadalkii Nabigu (scw) yiri oo ahaa:

QOFKA OO HADDIYAD LAGA QAATO MARKA LOO SHAFEECO

Qofku inuu waji iyo darajo ku ieeyahay dadka dhexdooda waa nicmooyinka Ilaahay adoonkiisa uu siiyo hadduu ku shukriyo, nicmadaan ku shukrinteeda waxaa ka mida inuu isku dayo inuu muslimiinta ku anfaco, taasna waxay soo gaiaysaa guud ahaan hadalkii Nabigu yiri:

Qofkii wajigiisa ku anfaco qof muslim ah oo dulmi ka celiyo ama khayr u soo jiida isagoo aan wax danbi ah galin ama aan ku xad gudbin xaq qof kale Ieeyahay Ilaahay agtiisa ajar ayuu ku Ieeyahay, haddii niyadiisu khaalis tahay sida Nabigu (scw) arrintaas u sheegay:

Mabanaana in qof wax ku qaato shafeeco iyo waasido waxaana u daliil ah xadiiskii Abu Umaama laga wariyey oo Nabiga gaarsan:

Dadka qaar ayaa soo bandhigaya inay wajigooda iyo waasadooda ay ku qaadanayaan lacag ay ku shardinayaan shaqada ay qabanayaan sida in qof shaqo la qoro ama laga bedalo wasaarad, ama gobol oo meel kale loo bedalo ama qof jiran in la daweeyo IWM. sida raajixa ahna lacagtaas waa xaaraan waxaana u daiiil ah xadiiskii Abu Umaama ee aan soo marnay, balse xadiiska daahirkiisa waxaa soo galaya wax qaadashada oo dhan haddii xataa uusan hore u shard in, qofka khayrka sameynaya waxaa ku filan ajarka Ilaahay siinayo oo uu aakhiro helayo. Nin ayaa u yimid Xasan Binu Sahal isagoo ka doonayo inuu u shafeeco oo dan u dhameeyo wuuna u dhameeyey markaasaa ninkii u yimid isago u mahad noqaya, Xasan Binu Sahal wuxuu ku yiri maxaad nooga shukriyeysaa, anagu waxaan aragnaa in wajigu sako leeyahay sida xooluhu sako u leeyihiin. Waxaa wanaagsan inaan halkaan ku ishaarno farqiga u dhaxeeya in qof loo ijaaro inuu arin soo dhameeyo oo uu dabo galo oo uu la socdo uuna qaato ujro, taasina waa arin galaysa baabka ujrada banaan iyadoo wadata shuruucdeeda sharciga ah, iyo in qofku wajigiisa wax ku waasideeyo oo ku shafeeco oo lacag ku qaato taasi waa xaaraan.

SHAQAALAHA OO LAGU SHAQEYSTO OO AAN UJUURADIISA LA SUN

Nabigu wuxuu dhiiri gaiiyey in qofka shaqaalaha ah degdeg loo siiyo xaqiisa wuxuuna yiri:

Dulmiga ka dhaca dad weynaha muslimka ah waxaa ka mid ah in shaqaalaha iyo dadka la soo kireysto aan la siin xaqooda taasina waxay ku dhacdaa dhowr si: In qofka loo shaqeynayey shaqaalaha xaqoodii oo dhan inkiro, shaqaaluhuna uusan haysan wax cadeynah, kaas xaqiisu hadduu aduunka ku dhumo aakhiro Ilaahay agtiisa ku dhumi maayo, aakhiro waxaa la keenayaa qofkii daalimka ahaa oo qofkii uu dulmiyey xoolihiisii cunay, markaasaa qofkii wax dulmiyey xasanaadkiisii waxaa la siinayaa kii la dulmiyey, xasanaadku markii ay dhamaadaan ayaa danbigii qofkii la dulmiyey kii wax dulmiyey dusha laga saari ka dibna naarta ayaa lagu tuurayaa.

  • In shaqaalaha xaqiisii aan lawada siin oo wax laga naaqusiyo Ilaahay wuxuu yiri isagoo arinkaa ka hadlaya:

Taas matalkeeda waxaa ka mid ah dadka shaqooyinka ieh hadday ka keensadaan shaqaale wadankoodii oo hashiis kula soo galay mushahar go’an, markay ku soo xirmaan oo ay shaqadii bilaabaan heshiiskii ayuu wuxuu u bedeiaa mushaaro tii hore ka yar, markaasay karaahiyo kula joogaan, mana awoodi karaan inay xaqoodii cadaystaan, markaasay arintooda Ilaahay u bandhigaan, haddii qofka shaqada leh oo wax dulmiyey uu muslim yahay kan la dulmiyeyna gaal yahay naaqusintaas xaqiisii aan la siin waxay noqoneysaa mid ka hor istaagta inuu soo islaamo.

  • In shaqaalaha shaqadii loogu daro mid dheeraad ah ama iagu dheereeyo saacadihii shaqada oo mushaarkiisii mooyee aan wax kale la siin, inuu saacado dheeraad ah shaqeystana aan loo ogolayn.

  • In shaqaalaha la warwareejiyo oo aan wixiisii la siin in Iagu dabo joogo oo la dacweeyo oo maxkamadda la tago mooyee, waxaa dhici karta qofka shaqada Ieh daahintaas inuu ula jeedo in shaqaaluhu iska quusto oo uu xaqiisii ka tago oo uusan waxba weydiisan, ama uu ula jeedo inuu ka faa’iideysto xoolaha shaqaalaha oo uu ku shaqeysto, qaarna ribo ayey ka qaataan, shaqaaiihiina ma haystaan waxay ku qadeeyaan iyo waxay u diraan carruurtoodii iyo xaasaskoodii oo baahan oo uu qurbaha daraadood ay u soo aadeen. Kuwaas duimiiowyada ah cadaab kulul ayey leeyihiin maalinta qiyaame, waxaana laga wariyey Abuu Hureyra (rac) in Nabigu (scw) uu yiri:

CARRUURTA OO AAN WAX SIINTA LOOGU CADDAALAD FALIN

Dad ayaa waxay yeeiaan inay carruurtooda qaar ka mid ah siiyaan, oo ku gaar yeeiaan wax aysan carruurta kale siin, taasina sida raajixa ah waa danbi weyn haddii aysan jirin sabab sharci ah oo keentay, sida inay jirto baahi u gaar ah oo kuwa kale aysan qabin, sida jiro ama deyn lagu leeyahay ama abaal gud quraanka xifdigiisa lagu siiyey ama inuu shaqo waayey ama reer xaas weyn uu yahay, ama uu yahay arday cilmi u go’ay, aabuhuna waa inuu niyeystaa hadduu carruurtiis mid ka mid ah uu sabab sharci ah oo uu la gaar yahay awgeed wax ku siiyo in haddii mid ka mid ah carruurta kale sabab taas oo kale ku imaan lahayd uu siin lahaa sida uu kii hore u siiyey, daliilkaguud ahaaneed oo arintaas waa:

Daliilka gaar ahaaneedna waa xadiiskii Iaga wariyey Nucmaan Ibnu Bashiir oo ahaa: In aabihi uu Nabiga u yimid oo uu ku yiri, “Wiilkeygaan waxaan u hadiyeeyey adoon aan lahaa , Nabigu wuxuu ku yiri:” carruurtaada oo dhan asaga oo kale ma siisay? Wuxuu yiri: “Maya.”

Nabiga wuxuu yiri, “Ka celi.”

Riwaayad kale waxay ahayd inuu yiri:” Ilaahay ka cabsada oo carruutiina u cadaalad fala, wuxuu yiri wuu noqday oo ka celiyey wixii uu siiyey, Riwaayad kale waxay ahayd in Nabigu yiri: “haddaba markhaati ha iiga dhigan anigu dulmi markhaati ka noqon maayee.” Carruurta marka wax loo qeybinayo wiilka waxaa la siiyaa wixii gabadhu qaadato labanlaabkeed sida dhaxalka, sidaa waxaa qaba imaam Axmed Allaha u naxariistee. Qofkii u siidhaba gala xaalada qoysaska qaarkood wuxuu ogaanayaa inay jiraan aabeyaal aan Ilaahay uga baqeyn inay ku kala fadilaan carruurtooda wax siinta, markaasaa qaarba qaarka kale u caroonayaa, wuxuu ku dhex abuurayaa cadaawad, waxaa iaga yaabaa inuu mid wax siiyo waayo wuxuu u egyahay adeeradi kuwa kalena wuu u diidayaa waayo waxay u egyihiin abtiyaashood, ama xaasaskiisa mid ka mid ah carruurteeda ayuusan wax siineyn carruurta kaiena wuu siinayaa, waxaa laga yaabaa inuu xaasaskiisa mid ka mid ah carruurteeda iskuul geeyo kuwa kaiena uusan geyn taasina isaga ayey dib ugu soo noqon, itmaha wax loo diido sida badan uma baari noqdaan aabihi waaga damba, Nabigu (scw) wuxuu ku yiri qofkii ku kata fadilay carruurtiisa wax siinta” sow ku farximaysid inay si isku mid ah kuugu baari ahaadaan”. Axmed ayaa wariyey.

DADKA OO BAAHI LA’AAN WAX LA WEYDIISTO

Suhayl Ibnu Xandalah waxaa laga wariyey inuu yiri Rasuulku wuxuu yiri:

Waxaa laga wariyey Ibnu Mascuud (rac) inuu yiri Rasuulku wuxuu yiri:

Dadka yaboohsada qaarkood waxay ka istaagaan masaajida waxayna hor istaagaan ummadda Ilaahay iyagoo wardiga tuugsigooda uga kala gooynaya, qaarkoodna been ayey sheegaan, warqado been ah ayey qaataan waxay isku duwdaan sheekooyin, waxaa laga yaabaa inay dadka qoyskoodu ka kooban yahay ay masaajida u qaybiyaan oo ay wax ka aruursadaan ayna isaga gooshaan masaajida, iyagoo ku jira xaalad ay ka deeqtoon yihiin oo Ilaahay uun garanayo, haddii ay dhintaan uun ayey muuqaneysaa xoolihii ay ka tageen, dadka iyaga ka soo hara oo ah dadka baahan oo dhabta ah dhowrsanaantooda awgeed qofkii aan aqoon wuxuu moodayaa inay maal qabeen yihiin, dadka wax waydiisan mayaan dadkuna ma fahmayaan oo ku sadaqeysan mayaan.

IN QOFKU DEYNSADO DEYN UUSAN DOONEYN IN UU BIXIYO

Dadka xuquuqdoodu Ilaahay agtiisa wey ku weyn tahay, waxaa laga yaabaa in qofku xaqa Ilaahay ku leeyahay uu towbad keen uga baxo, laakiin xuquuqda dadku ku leeyahay sina loogama fakan karo in la bixiyo inta aysan imaan maalin aan la isku kala xukumayn diinaar iyo dirham midna, laakiin la isku kala xukumaayo xasanaad iyo danbiyaal, Ilaahayna wuxuu yiri:

Dad weynaha wax yaalaha ku dhex faafey waxaa ka mid ah in la sahlado deyn qaadashada, dadka qaar ayaa u deynsanayn baahi daran, ee wuxuu u deynsan inuu is balaariyo, iyo inuu dad kale kula tartamo awgeed, inuu iska badelo gaariga, alaabta guriga, iyo wixi lamid ah. Oo ah alaab iyo qalab dhamaanaya, dadkaas in badan waxaa wareerka galiya qaabka iibka haftada, kaasoo in badan oo ka mid ahi aysan ka marneyn shubho ama xaaraan.

Deyn qaadashada oo la fududeysto waxay ku hogaamineysaa in bixinteeda la warwareejiyo ama ay keento in dadka xoolihiisa la dhumiyo ama la baabi’iyo, Nabiguna wuxuu yiri isagoo ka digaya arrintaas cirib xumadeeda:

Dadku deynta aad ayay u fududeystaan waxayna u malaynayaan inay fududahay, Ilaahay agtiisana waa ku weyn tahay, balse qofka shahiidka ah inkasta oo uu leeyahay wax weyn oo gaar ah, ajar weyn iyo martabo
sareysa haddana ka nabad gali maayo waxa ka yimaada deynta, waxaa u daliil ah hadalkii uu yiri Nabigu (scw):

Haddaba intaas ka dib malaga yaabaa in kuwa fududeysta oo xad gudba ay ilaaliyaan dadka xaqooda.

XAARAANTA OO LA CUNO

Qofkii aan Ilaahay ka baqeyn dan kamaiahameeshii uu xoolo ka kasbayo iyo meeshii uu ku bixinayo, balse hamigiisu waa siduu u siyaadin lahaa kaydkiisa xaraan ama booliba ha ahaadee, kaas oo uu ku keenay xadid ama laaluush ama booli ama is daba marin ama iib xaaraan ah, ama ribo ama xoolo agoomeed ama shaqo xaaraan ah, wuxuu ka kasbay caraafeysi, macsi, heesaha, ama inuu ku xad gudbo bangiga muslimiinta iyo xoolaha dad weynaha ama dadka xoolahooda oo shaxaad lagu qaato, ama baryo aan baahi u heyn iyo wixii la mid ah, ka dibna uu cuno, labisto oo gaadiid ka fuulayo, oo guri ka dhistay ijaarto, alaabo guri ka gato kaasi calooshiisa wuxuu galinayaa xaaraan, Nabiguna (scw) wuxuu yiri:

Maalinta qiyaame waxaa la weydiinayaa xoolihiisa meesha uu ka kasbay iyo wixii uu ku bixiyey, markaas ayey imaanaysaa halaagu iyo khasaaradu, qofkii xoolo booli ah heysta waxaa ku waajib ah inuu u deg dego sidii uu isaga
saari lahaa, hadday yihiin xaq qof kale leeyahayna ha u deg dego sidii uu u celin lahaa isga oo weydiisanaya inuu cafiyo inta aan la gaarin maalinta aan la isku kala xukmineyn diinaar iyo dirham midna ee la isku kala xukumaayo xasanaad iyo danbiyo.

KHAMRADA OO LA CABO DHIBICBA HAKU AHAATEE

Ilaahay wuxuu yiri:

Amarka loo adeegsadey ka fogaanta asaga ayaa ah datiitka ugu xoog badan oo tusaya xaaraannimada khamrada waxaa lagu xiriiriyey Ansaab oo ah gaalada ilaahooda iyo Asnaamtoodii, haddaba xujo uma laabna duuika oranaya Ilaahay ma oran waa xaaraan ee wuxuu yiri ka fogaada
Sunada Nabiganu (scw) waxaa ku soo aroorey goodi ku wajahan qofkii khamrada caba, waxaa taga wariyey Jaabir xadiis Nabiga gaarsan:

Ibnu Cabbaas waxaa laga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

Khamrada iyo waxyaalaha lagu saqraamo maanta aad ayey u noocyo bateen oo waxaa tiro batay magacyadoodii carabiga iyo cajamta ahaa, waxay u bixiyeen biira, jumca, kuxuul, caraq, foodka, shambaaniya iyo wixi lamid ah.

Ummaddaana waxaa ka soo baxay qoladii Nabigu ku sheegay hadalkiisii:

Waxay u bixiyeen cabitaanka Ruuxiga, intay oran lahaayeen khamro iyagoo qarin iyo dagid uga jeeda, Ilaahay wuxuu yiri:

Shareecadu waxay la timid xeer weyn oo lagu soo af jarayo laguna dabar goynayo fitnada isdaba marinta ah, kaa soo ku soo aroorey hadalkii Nabigu yiri (scw) oo ahaa:

Nabigu wuxuu ka loo yiri:

wax walbo oo caqliga dooriya oo sakhraamiya intiisa badan iyo intiisa yariba waa xaraan, si walba oo magacyada loo tiro badiyo oo ay u kala duwanaadaan magacu waa iskumid xukunkana waa la yaqaan.

Ugu danbeyntii tani waa waanadii Nabigu ku waaniyey dadka khamrada caba wuxuuna yiri:

Haddii ay sidaa tahay xaaladda dadkii cabayey wixii lagu sakhraamayey, sidee noqoneysaa xaaladda dadka isticmaala waxa ka sii xun oo ah maandooriyaha ama daroogada.

IN LA ISTICMAALO WEELASHA DAHABKA IYO QALINKA AMA WAX LAGU CUNO OO WAX LAGU CABO

Waxay u dhowdahay in meelaha alaabta maacuunta iagu gado aysan ka marnaan weelal dahab iyo qaiin ah, ama Iagu dheehay dahab iyo qaiin, waxaa la mid ah guryaha dadka maalqabeenka ah iyo hoteelada qaarkood, balse weelashaasi waxay ka mid noqdeen waxyaalaha munaasabaadka ay isu
hadiyadeeyaan, dadka qaar ayaa laga yaabaa inaysan gurigooda dhigan laakin ay ku isticmaalaan dad kale guryahooda iyo Alla barigooda, waxaas oo dhan shareecada ayaa lagu xarimay, Nabigana waxaa ka soo aroorey goodi kulul oo ku wajahan isticmaalida weelashaas, Umu Salama waxaa laga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

Xukunkaa waxaa soo galaya wixii alaab iyo maacuun cunto ah, sida suxuunta,
fargeetooyinka, malgacadaha, midiyaha, alaabta martida wax loogu geeyo iyo culbadaha xalwada iagu keeno aroosyada iwm.

Dadka qaar ayaa yiraahda anagu isticmaalimeyno ee qurux ahaan ayaa u
dhiganayaa meesha alaabta la saarto oo muraayadaha gadaashooda ah, taasina ma banaana iyadoo jid gooyo lagu sameynayo isticmaalkooda

SHAHAADO SUURKA

Ilaahay wuxuu yiri:

Cabduraxmaan Bin Abii Bakar (rac) wuxuu ka wariyey aabihi inuu yiri Nabiga anagoo la joogna ayuu yiri:

Shahaado suurka ka digidiisa in lagu celceliyo waxaa keenaya dadkii oo sahladay iyo asbaabta keenaysa oo badan, taas ooayka mid tahay cadaawadda, xasadka iyo waxa ka ratibmaya oo fasaad badan ah, imisaa xuquuq ayaa ku dhuntay shahaado suur, imisaa dad beri ah shahaado suur sababteed dulmi ugu dhacay, ama dad ku qaateen wax aysan lahayn, ama dad la siiyey abtirsiinyo aysan lahayn, ayadoo shahaado suur loo tixgaliyey.

Shahaado suurka fududeysigiisa waxaa ka mid ah waxa dadka qaarki ku sameeyaan maxkamadaha oo ay ka mid tahay inay ku yiraahdaan qof ay dariiqa isku arkeen markhaati ii noqo aniguna markhaati ayaan kuu noqon, markaas ayuu uga markhaati noqonayaa arin u baahan in taga war qabo xaqiiqda iyo xaaladda, sida inuu uga markhaati noqdo lahaansho guri, ama dhul ama qof
cadaynti isaguna uusan ku arag ilinka maxkamadda iyo dariiqa mooyee, taasina waa been abuur waxaana haboon in shahaadadu noqoto sida ku soo aroortay kitaabka Ilaahay

GITAARKA IYO MUUSIKADA OO LA DHAGEYSTO

Ibnu Mascuud (rac) wuxuu ku dhaaran jiray heesaha in looga jeedo hadalka Ilaahay oo ah:

waxaa laga wariyey Abuu Caamir iyo Abuu Maalik al-Ashcari in Nabigu yiri:

Anas waxaa laga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

Nabiguna wuu reebay gurbaanka oo la tumo, muzmaarkana wuxuu ku sheegay inuuyahay codka qofka axmaqa munaafiqa ah, culumadii hore sida imaan Axmed Allaha u naxariistee waxay sheegeen inay xaaraan tahay qalabka fanka iyo kan wax lagu tumo sida cuudka, turunbada, shabaabadda, rabaabada, iyo sanjtga. waxaan shaki ku jirin qalabka fanka ee cusub inuu soo galayo xadiiska Nabiga (scw) uu ku reebay qalabka wax lagu garaaco, sida kamanka, qaanuunka, organka, bayaanu, giitaarka iyo kuwa kale, balse ayagaa xagga tumida, marqaanka iyo saameynta kaga weyn qalabkii hore ee qadiimka ahaa ee xarimidiisu ku soo aroortay axaadiista Nabiga (scw) qaarkood, balse marqaanka muusikada iyo ku sarqaankeeda ayaa ka weyn ku sarqaanka khamrada, siday sheegeen culumadu sida Ibnul Qayim iyo kuwa kale, waxaan shaki ku jirin inay xaaraanimadeedu sii adkaaneyso danbiguna sii weynaanayo haddii ay muusakada raacdo heeso iyo luuqadeyn sida codka Qiinaadka oo ah gabdhaha heesa oo fanaaniinta ah, musiibadu waa sii weynaan marka miraha heesuhu noqdaan caashaq iyo jaceyl iyo quruxda dumarka oo ia faaleeyo, sida a awgeed culumadu waxay heesaha ku sheegeen boostada sinada, uuna qalbiga ku beero munaafaqnimo, guud ahaan maanta heesuhu waxay noqdeen fitnooyinka ugu waaweyn ee jira. Waxyaabaha balaayada siyaadiyey maanta waxaa ka mid ah in muusikadii gashay waxyaalo badan sida saacadaha, ganbaieeiada, qalabka caruurtu ku ciyaarto, kombuyuutarka, iyo qalabka telefoonka qaarki, in laga fogadana waxay noqotay arrin go’aan u baahan ilaahay ayaa kaalmo leh.

XANTA

Goleyaal badan oo dadku fariistaan waxaa looga faakiheystaa xanta muslimiinta iyo in wax la yeelo sharaftooda, taasina waa arin Ilaahay ka reebey adoomihiisana ka dalbay inay ka fogaadaan, wuxuuna ku matalay qaab ia
nacayo oo naftu ka yaqyaqsanayso Ilaahay wuxuu yiri:

Nabiguna wuxuu ku caddeeyey macnaha xanta hadalkiisii:

Xantu waa inaad muslinka ku sheegto ceeb uu ieeyahay oo in lagu sheego uu nacayo, waa isku mid haddii ay yihiin waxa lagu xamanayo wax ku saabsan jirkiisa ama diintiisa ama adduunyadiisa ama naftiisa ama akhlaaqdiisa ama abuuritaankiisa, waxayna leedahay dhowr qaab oo ay ka mid tahay in qofka ceebtiisa la sheego ama si jeesjees ahaana looga sheekeeyo, dadkuna waa iska sahlanayaan arrinta xanta isagoo Ilaahay agtiisa ku ieh ficilkaasi foolxumo, taasna waxaa tusinaya hadalkii Nabigu yiri (scw):

Waxaa ku waajib ah qofka golaha fadhiya inuu munkarka reebo oo uu difaaco walaalkiisa la xamanayo, Nabiguna arintaa dadka waa jecleysiiyey wuxuuna yiri:

ISKU-DIRKA

Arinta ah in dadka hadalka loo kala qaado si la isugu diro weli kama ay suulin inay tahay asbaabta ugu weyn ee keenta in xiriirka la isku jaro oo xiqdiga iyo cadaawada dadka lagu dhex huriyo, falkaas qofkii sameeya Ilaahay waa caaayey, Ilaahay wuxuu yiri:

Xudeyfa waxaa laga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

Qataatku waa qofka dadka oo aan ogeyn dhageysta ka dibna xanta, Ibnu Cabaas waxaa laga wariyey inuu yiri Nabigu (scw) wuxuu soo marey beer ka mid ah beeraha Madiina markaas ayuu ka maqlay cod laba qof oo lagu cadaabayo qabrigooda, markaasaa Nabigu yiri, “Waa la cadaabayaa wax weyna lagu cadaabi maayo, ka dib wuxuu yiri balse waa weyn tahay midkood wuxuu ahaa mid aan kaadida iska duwin, kan kalena xan ayuu la wareegi jirey.” Bukhaari ayaa wariyey.

Qaababka xun ee falkan leeyahay waxaa ka mid ah in ninku ku gabood faio xaaskiisa ama taa lidkeeda, taas oo ah mid keeneysa in xiriirkoodu xumaado, taas waxaa la mid ah in shaqaalaha qaarkood ku kacaan inay qaar ka mid ah hadalkooda u gudbiyaan maamulaha ama mas’uulka iyagoo isku dirayo si ay qofkaas dhib u gaarsiyaan, taasna waxay ka mid tahay waxyaalaha la xarimey.

DADKA GURYAHOODA OO IDAN LA’AAN LA DAAWADO

Ilaahay wuxuu yiri:

Nabiguna (scw) wuxuu yiri isagoo caddeynaya cilladda idan qaadashada inay tahay iyado laga baqayo in la eego dadka guryaha leh cowradooda:

Maantana iyadoo ay jirto in guryuhu isku dhowyihiin, daaruhuna dhinaca isku hayaan, daaqaduhuna isku beegan yihiin waxay aad ugu dhawdahay inay dhicdo in darisku is arko, dad badanina indhahooda maiaabaan, waxaaba iaga yaabaa in qaarka degan xagga sare ay u qasdaan inay ka soo eegaan daaqadahooda iyo dushooda sare guryaha la deriska ah ee ka hooseeya, taasina waa xaaraan iyo deriska oo xurmadiisa lagu xad gudbey waana dariiq xaaraan lagu gaaro, arintaas sababteeda waxaa ku dhacay fitno iyo balaayo badan, arinta hatarteeda waxaa daliil ugu filan in shareecadu qisaas la’aan ka dhigtay isha qofka fiirsada dadka guryahooda, Rasuulku wuxuu yiri:

kalena waxay ahayd:

SEDDEX QOF OO LABO KU SEDDEXAAD KA FOQDO

Arintaani waxay ka mid tahay aafada goleyaasha la fariisto ka dhacada iyo talaabooyinka sheydaanka si uu muslimiinta u kaia geeyo oo qalbigooda isugu huriyo, Nabiguna wuxuu yiri isaga oo caddeynaya xukunka iyo ciiladdaba:
Taas waxaa soo galaya in afar qof seddex kan afaraad ka foqdo iwm, waxaa la mid ah in seddex qof labo ku hadasho luuqad gaaroo kan seddexaad uusan fahmeyn, shakina kuma jiro in ka faqiddu qofka seddexaad ku tahay nooc xaqiraad ah ama ay moodsiineyso inay shar la doonayaan.

ISBAAL – RAGGA OO DHARKA HOOS U DHEEREYSTA

Waxyaalaha dadku u malaynayo inay fudud yihiin Ilaahay agtiisana ku weyn waxaa ka mid ah isbaalka oo ah dharka oo Raggu hoosu dheereysto gaarsiiyana meel ka hooseysa gomada, qaarna ay dhulka dharkooda taabsiiyaan, qaarna dhulka ayey ku jiidaan.

Waxaa laga wariyey Abuu Dar (rac) xadiis Nabiga gaarsan oo ah:

Qofka oranaya aniga isbaalka maradeydu kibir maha, waa qof naftiisa ku amaaney amaan aan la qaadan karin, goodiga ku soo aroorey musbilkuna waa mid guud ahaaneed ama ha u jeedo kibir ama yuu u jeedine, sida uu tusayo
hadalkii Nabigu (scw):

Hadduu marada u dheeraysto faanfaan cuquubaddii waxay noqon mid daran oo weyn sida ku soo aroorey hadalkii Nabiga (scw):

waayo wuxuu kulmiyey labo shay oo muxaram ah, isbaaikuna muxaram ayuu ku yahay dharka oo dhan sida uu tusayo xadiiskii Ibnu Cumar ee Nabiga gaarsan:

Qofka dumarka ah waxaa loo ogoi yahay inay hoos u raariciso ilaa taako ama dhudhun si ay u asturto gomaadaheeda dadaal ahaan, iyadoo ka baqeysa in dabayshu cowradeeda feydo iyo wixii la mid ah, laakiin mabanaana inay
xadkaas dhaafto sida dharka aroosyada, kaasoo dhererkiisu gaarayo taakooyin iyo dhudhumo waxaaba laga yaabaa in iaga daba sido.

RAGGA OO ISKU QURXIYA DAHABKA QAABKII UU DOONO HA NOQDEE

Waxaa laga wariyey Abi Muusaa al-Ashcari xadiis Nabiga laga wariyey:

Suuqyada maanta waxaa yaal qaar ka mid ah waxyaalaha la sameeyey oo ragga loogu tala galey oo ay ka mid yihiin saacadaha, ookiyaalayaasha, guiuusyada, qalimaanta, silsiladaha, biladaha oo lagu sameeyey miisaano kaladuwan oo dahab ah, ama dheehid kaamil ah lagu dheehay dahab, waxyaalaha munkarka ah waxaa ka mid ah abaal gudka loogu talo galay tartamada kaarkood sida saacado rag oo dahab ah, ibnu Cabbaas waxaa laga wariyey (rac) in Rasuulku ark ay far gashi dahab ah oo nin gacanti ku jira markaas ayuu inta ka siibey tuurey oo yiri:

IN DUMARKU LABISTO DHAR GAABAN, KHAFIIF AH, OO CIRIIRI AH

Waxaa ka mid ah waxyaalaha cadowgeenu nagula soo duulay maanta dharka iyo moodooyinka ay dajiyeen qaababkeeda iyo tolmooyinkeeda laguna dhex faafiyey
muslimiinta dhexdooda, dharkaas oo aan cowro astureyn gaabnidiisa ama khafiifnimadiisa ama ciriirinimadiisa, qaar badan oo ka mid ah ma banaana in la labisto xataa dumarka dhexdooda iyo maxaarimta hortooda, Nabiguna
wuu inoo sheegey inay aakhirusamaanka soo bixi doonaan noocyo labiska ka mid ah oo dumarku xirtaan, sida ku soo aroortey xadiiskii Abuu Hureyra oo Nabiga (scw) gaarsan:

waxaa soo galaya labiskaas midkay labistaan dumarka qaarkood oo ah kan dhinaca hoose in dheer ka furan ama dhowr dhinac ka jeexan, hadday fariisato waxaa muuqanaya cawradooda, iyadoo ay jirto isu ekeysiinta gaalada iyo ku raacida moodooyinka iyo waxay keenaan oo dhar fadeexad leh ah, Ilaahay ayaan nabad gelyo weydiisaneynaa, waxyaalaha khatarta ah waxaa ka mid ah
sawirada xun ee dharka qaarki ku yaal, sida sawirada kuwa heesa, kooxo muusikada tuma, quraarado khamro ah iyo sawirada waxyaabaha nool ee shareecada ku xaaraanta ah ama calaamadda Kirishtada ah ama hal ku dhigyo ay leeyihiin kooxo iyo ururo xun, ama oraah liidata oo sharafta iyo dhowrsanida wax u dhimeysa, taasoo badanaaba ku qoran af qalaad.

RAGGA AMA DUMARKA OO TIMAHOODA KU XIRIIRIYA TIMO AADANE AMA CID KALE

Waxaa laga wariyey Asmaa’ Bintu Abii Bakar inay tiri: qof dumar ah ayaa Nabiga u timid waxay ku tiri Rasuulkii Ilaahayow waxaan leeyahay gabar aroos ah waxaa ku dhacay cudurka jadeecada markaasaa timihii ka daateen ee timo kale ma ugu xiriiriyaa?

Markaasaa Nabigu yiri:

Jaabir Bin Cabdullaahi waxaa laga wariyey inuu yiri:

Taas masalkeeda waxaa ka mid ah waxa maanta loo yaqaan buruukada waasilaatkuna waa (dumarka timaha xiriirya) maanta waxaa ka mid ah waasilaatka koofeerada iyo waxay soo bandhigayaan oo munkarka ah. Falkaa la xarimay matalkiisa waxaa kale oo ka mid ah labisashada timaha buruukada sida ay sameeyaan kuwa aan akhlaaqda lahayn qaarkood oo ay ka mid yihiin ragga iyo dumarka jila filimada iyo ruwaayadaha.

RAGGA OO DUMARKA ISU EKEYSIIYA IYO DUMARKA OO RAGGA ISU EKEYSIIYA XAGGA DHARKA, HADALKA IYO QAABKA

Fidrada Ilaahay u jideeyey adoomihiisa waxaa ka mid ah in raggu ilaaliyaan ragnimada Ilaahay ku abuurey, dumarkuna ilaaliyaan dumamimada Ilaahay ku abuurey, taasna waa asbaabta la’aanteed aysan nolosha dadku hagaageyn, in raggu dumarka isu ekeysiiyaan ama dumarku ragga isu ekeysiiyaan waa arrin khilaafsan fidrada, albaab fasaadsna fureysa diin la’aana fidineysa, falkaas xukunkiisu sharci ahaan waa xaaraan, naska sharciga ah haddii ay ku soo aroorto lacnad la lacnadayo qofkii falkaas sameeya waxay tuseysaa arinkaa xaaraanimadiisa iyo inuu ka mid yahay danbiyada waaweyn ( kabaa’irta ). Waxaa laga wariyey Ibnu Cabbaas xadiis Nabiga gaarsan:

Isu ekeysiintu waxay noqon kartaa xagga dhaqdhaqaaqa, degenaanta, socodka, jirka oo labeebshe laga dhigo, hadalka iyo socodka oo la naageeyo. Isu ekaantu waxay kaloo ka imaan kartaa xagga labiska, oo ninka uma banaana inuu xirto silsilado ama jijimo, dugaagadaha lugaha, ama dhegodhego iyo wixii la mid ah, siday ugu faafsan tahay dadkaan la yiraahdo hebiska iyo nimow naageeshka iyo wixii la mid ah, sidoo kale uma banaana qofta dumarka ah inay xirato dharka raggu xirto sida khamiiska, shaarka iyo wixii la mid ah, balse waxaa waajib ah inay qaabka iyo tolmadaba ku khilaafto ragga, inay waajib tahay in labada jinsi midba mid kale khilaafo waxaa u daliil ah xadiiska laga wariyey Abii Hureyra (rac) oo Nabiga gaarsan:

TIMAHA OO MADOW LAGU ASLO

Waxaa sax ah in fatkaas lagu xarimay goodiga lagu sheegey hadalkii Nabigu yiri:

Falkaasi wuxuu ku dhex faafey dadka ciradu ka soo baxday, cirada waxay ku. bedelaan inay mariyaan madow, falkaasi wuxuu keenayaa fasaad uu ka mid yahay dagid iyo inuu qariyo abuurta Ilaahay iyo inuu u muuqdo xaalad aan xaaladiisa runta ah ahayn, shakina kuma jiro intaasi raad ku yeelanayso suluuga qofka, waxaaba ka imaan karta in lagu kadsoomo, Nabiga waxaa ka soo aroorey inuu cirada ku doorin jirey xinaha iyo wixii la mid ah oo guduud ama booraboorow ku jiro ama wixii u dhow Nabiga midabkiisa, markii loo keenay Abii Quxaafa maalintii Maka la furay oo madaxiisa iyo garkiisa xoosh cad yihiin wuxuu ku yiri:

Waxaa sax ah in naagtu ninka la mid tahay oo aysan u banaanayn inay timaheeda aan madoobayn ay madow mariso.

IN WIXII NOOLE AH LAGU SAWIRO DHARKA, GIDAARKA, WARQADAHA IYO WIXII LA MIDA

Cabdullaahi ibnu Mascuud waxaa laga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

Abii Hureyrana waxaa Iaga wariyey xadiis Nabiga gaarsan: Ilaahay wuxuu yiri:

Ibnu Cabbaasna waxaa laga wariyey Xadiis Nabiga gaarsan:

Axaadiistani waxay tuseysaa inay xaaraan tahay in la sawiro wax noole ah oo aadane ah ama xayawaan kale ah, hoos ha lahaadeen ama yuu lahaanine, waa isku mid haddii sawiradu yihiin kuwa la daabacay ama la sawiray ama la qoday ama la naqshadeeyey ama la qoray ama la shubay iwm. Axaadiista sawiraada xarimaysa waxaas oo dhan way soo wada gaiayaan, qofka muslimka ahina waa inuu u hogaansamaa nusuusta sharciga ah waan in uusan ku doodin oo oran: Anigu sawirka caabudimaayo una sujuudi maayo haddii uu qofka wax garadka ah eego oo u dhaba galo hal xumaana oo faafida sawirku keenayso maanta, wax ayuu ka garan lahaa xikmada ay shareecadu ka leedahay markii ay xarrimtay sawirka, taasoo keentay waxyaalaha jira oo xumaanta waa weyn ah oo ay ka mid tahay dadka shahwada Ilaahay ku abuurey oo la kiciyo oo la dhaqaajiyo, balse waxay sababtay in la gaaro in macsi lagu dhaco, qofka Muslimka ah waxaa ku haboon inuusan gurugiisa dhigin wax sawiro nafle ah si aysan sabab ugu noqon in gurigiisa aysan Malaa’iktu soo galin, Nabigu (scw) wuxuu yiri:

cirada guryaha qaarkood waxaa yaal sawiro la qorey oo qaarkood gaaladu waxay caabudaan ah guryaha ayaa loo dhigtaa tuxfad ahaan iyo qurux ahaan taas xaaraanimadeedu kuwa kale ka sii daran, sidoo kale sawirada gidaarada la
suro waa ka daran yihiin kuwa aan la surayn, imisa jeer ayay xumaan weyn keentay, imisa jeer ayey tiiraanyo soo noolaysay, imisa jeer ayey isu faanid keentay, lama oran karo sawirku waa xusuus waayo xusuusta dhabta ah qalbiga ayaa loogu hayaa qofka qaaliga ah ama qaraabada ah oo muslimka ah, waxaana loogu duceeyaa danbi dhaaf iyo naxariis, haddaba waxaa haboon in la bixiyo sawirada oo dhan ama la baabi’iyo, wixii in la suuliyo ay adag tahay mooyee oo dhib ku jiro sida sawirada sida ba’an u faafey oo ku dhegan culbadaha iyo sawirada ku yaal qaamuusyada, maraajicda iyo kutubta laga faa’iideysto, iyada oo lagu dadaalayo in la suuliyo markii ay suuro gasho lagana digtoonaado sawirada xun, sidoo kale waxaa la haysan karaa sawirada baahida loo qabo sida kuwa ku dhagan teesarayaasha qofku sito, culumada qaarkoodna waxay baneeyeen sawirada la ihaanaysto sida kuwa la isku taago

RIYADA OO LAGA BEEN SHEEGO

Dadka qaar ayaa waxay been abuuraan riyo iyo manaam aysan arag si ay dadka dhexdiisa ugu yeeshaan fadli dheeraad ah ama xurmo ama uu u helo nafac iyo xoolo ama inuu ku cabsi geliyo qof kale oo ay cadaawad ka dhaxayso iwm.

Dad kale oo caamada ah qaarki wax kale ayay ka aaminsan yihiin manaamka waana ku dhagan yihiin, marka beentaas ayaa lagu khayaanayaa, goodi aad u da ran ayaa ku soo aroorey qofkii falkaas sameeya Nabigu (scw) wuxuu yiri:

Qofka falkaas la yimaada waxaa Iagu kalifaa inuu labo xabo oo qamadi ah isku xiro, labo xabo oo qamadi ahna in la isku xiro waa arin aan suuro gal ahayn, marka afalkii uu la yimid oo kale ayaa Iagu ciqaabay.

QABRIGA OO LAGU FARIISTO AMA LAGU ISTAAGO AMA LOO KORTAGO

Waxaa laga wariyey Abu Hureyra inuu yiri Rasuulku (scw) wuxuu yiri:

Qabriga oo lagu istaago waxaa sameeya dadka qaarki markay aasayaan qofka kadhintadan kama laha inay qubuurta kate ku istaagaan marmar kabaha ayey kula istaagaan qubuurta dariska ah iyagoon ixtiraamayn maydadka kale, arintaa weynanka ay leedahay Rasuulku wuxuu ka yiri:

sidee noqonayaa qofka xoogaya dhulka qabrigu ku yaal oo ka dhisaya mashruuc ganacsi ama deegaan. Qubuuraha in loo kor tago oo lagu xaajo guto waxaa sameeya dad aan wanaagsaneyn, oo haddii xaajo qabto oo uu damco inuu xaajo guto wuxuu ka boodaa gidaarka qubuurta ama wuu galaa markaas ayuu ku dhibaa dadka dhintay qurunkiisa iyo najaasadiisa, Nabiguna (scw) wuxuu yiri:

yacni, in qabri lagu xaajo guto foolxumadeedu waxay la mid tahay in dadka hortooda oo suuqa ah cawrada lagu fayto oo lagu xaajo guto, qolada qashinka iyo qurunka ku tuurta qubuurta gaar ahaan kuwa laga guuray oo gidaakoodii jajabay goodigaas wax ayay ku leeyihiin, aadaabta la iska doonayo marka qubuurta la siyaaranayo waxaa ka mid ah in kabaha la siibo marka ia doonayo in qubuurta lagu dhex socdo.

KAADIDA OO AAN LA ISKA DUWIN

Waxyaalaha ay shareecadaanu ku fiican tahay waxaa ka mid ah inay la timid wax walba oo qofka xaalkiisu ku wanaagsanaanayo, taas waxaa ka mid ah in najaasada la iska suuliyo, sidaas awgeed ayaa la jideeyey istinjada iyo istijmaarka waana la cadeeyey qaabka la isu nadiifinayo, dadka qaar ayaa fududaysta najaasadda suulinteeda, taasina waxay u keentaa inay wasakhoobaan dharkoodii ama jirkoodii, taasina waxay keentaa in salaadoodii ansixi weydo Nabiguna wuxuu sheegay in falkaasi ka mid yahay sababta cadaabta qabriga, Ibnu Cabbaas waxaa laga wariyey inuu yiri Nabiga (scw) ayaa soo marey beer ka mid ah beeraha Madiina markaas ayuu maqlay labo qof oo lagu cadaabayo qabrigooda codkood markaasuu yiri:

Balse Nabigu wuxuu sheegay in cadaabta qabriga badankeedu kaadida ka timaado, kaadida iska duwid la’aanteeda waxaa soo galaya qofka xaajo gudashada degdeg uga istaagaya inta aan kaadidu ka dhamaan ama ku kaadiya xaalad ama meel kaadida ku soo celinaysa, ama inuu ka tago istinjada iyo istijmaarka ama uusan danayn, isu ekeynta gaalada maanta waxay gaartay in suuliyada (musqulaha) qaarkood ay ieeyihiin meelo lagu xaajo guto oo gidaarka ku dhegan iyadoo iska muuqata, qofka ayaa imaanaya oosixishood rado ah ugu kaieetiyaya dadka soo galaya iyo kuwa baxaya hortooda, ka dibna maradiisa ayuu kor u qaadan oo najaasadii ku labisan, markaa wuxuu noqonayaa mid kulmiyeylaba arimood oo xaaraan fool xun ah tan hore waa inuu cawradiisa dadka aragooda ka ilaashan waayey tan labaadna waa inuusan kaadidii iska ilaafin iskana dhammeyn.

IN LA DHAGEYSTO DAD SHEEKEYSANAYA SHEEKADOODIYAGA OO NACAYA

Ilaahay wuxuu yiri:

Ibnu Cabbaas waxaa laga warieye xadiis Nabiga gaarsan:

hadduu warkooda gudbinayo iyagoon ogeyn si uu dhib u gaarsiiyo, danbigii jaasuusnimada wuxuu ku darsaday danbi kale isaga oo soo galaya xadiiskii Nabigu (scw) yiri:

Qataat waa qofka dadka warkooda dhageysta iyagoon dareemayn ka dibna gudbiya.

DARIS XUMADA

Ilaahay kitaabkiisa wuxuu inoogu dardaarmay dariska:

Dariska in la dhibo waxay ka mid tahay muxarramaadka waaweyn xaqiisa waynankiisa awgeed, Abii Shurayx waxaa laga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

Amaanta darisku dariskiisa amaano ama cayda uu caayo Nabigu wuxuu qiyaas uga dhigay daris wanaaginta ama daris xumaynta, Ibnu Mascuud waxaa laga wariyey inuu yiri 11 nin ayaa Nabiga ku yiri Rasuulkii Ilaahayow sidee ku ogaadaa inaan wanaag falay, Nabigu wuxuu ku yiri: “haddii aad maqasho dariskaaga oo leh waad wanaajisey, wanaag ayaad samaysay, haddaad maqashidna iyagoo Ieh xumaan ayaad fashayn, xumaan ayaad fashay.

Dariska dhibidiisu waxay leedahay dhawr qaab oo kaia duwan waxaa ka mid ah in loo diido inuu loox ku muto gidaarka aad wadaagtaan, ama in dhismo kor loo qaado oo la dulkeeno oo laga qariyo qoraxda ama hawada idan la’aanti ama in gurigiisa daaqadaha lagu furo si loo eego cawradiisa, ama in qaylo lagu dhibo sida garaacid iyo dhawaaq waqtiga hurdada iyo waqtiga la nasanayo, ama in carruurta laga dilo iyo in qashinka lagu daadiyo albaabkiisa, Danbigu waa weynaanayaa ciqaabtuna waa sii laban laabmaysaa haddii danbi laga galo dariska dhaw Nabigu (scw) wuxuu yiri:

Khaa’iniinta qaarkood waxay ka faa’iidaystaan qofka dariskooda ah habeenka uu maqan yahay oo shaqada ku qoran yahay markaasay gurigiisa galayaan oo fasaadinayaan cadaab kulul ayey leeyihiin maalinta qiyaame.

DARDAARANKA OO LA ISKU DHIBO

Xeerarka shareecada waxaa ka mid ah inaadan dhib geysan adna aan lagu dhibin, taas matalkeeda waxaa ka mid ah in la dhibo dadkii dhaxalka sharciga ah lahaa ama qaarkood, qofkii falkaas la yimaada waxaa loogu goodiyey hadalkii Nabigu (scw) yiri:

qaabka dardaaranka la isugu dhibo waxaa ka mid ah in qof dadka dhaxalka sharciga lahaa loo diido xaqiisa, ama in loo dardaarmo qof dadka wax dhaxlaya ah in ka badan wixii shareecadu siisay, ama loo dardaarmo in ka badan seddex meelood meel, meelaha aysan dadku hoos joogin dowlad shareecada wax ku kala xukminaysa way ku adkaanaysaa qofku inuu qaato xaqiisii Ilaahay siiyey, sababna ay u tahay maxkamadaha ku dhaqma xukunka la dejiyey oo khilaafsan sharciga Ilaahay, taasoo faraysa in ia fuiiyo dardaaranka aan caddaalada ahayn ee Abuukaataha agtiisa lagu qorey, gacantoodu waxay qortay halaag ayey ku mutaysteen halaagna way shaqaysanayaan

NARADKA (WARBAC) OO LA CIYAARO

Waxay ka kooban yihiin ciyaaro badan oo faafay oo dadku isticmaalo waxyaalo xaaraan ah taas waxaa ka mid ah ciyaarta loo yaqaan Naradka ama warbaca (suhar) taas oo ciyaarteedu tahay rarid iyo dhaqaajin lagu sameeyo ciyaaro badan sida tan miiska iyo wixii la mid ah, Nabiguna waa ka digay naradkaa oo furaya albaabada qamaarka iyo turubka, Nabigu wuxuu yiri:

Abii Muusaa waxaa iaga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

MU’MINKA AMA CID AAN MUTEYSAN OO LA LACNADO

Dad badan ayaan carrabkooda qaban karin hadday caroodaan waxay ku degdegayaan lacnada, markaasay waxay lacnadaan dadka, xayawaanka, dhirta, maaimaha iyo saacadaha, baise waxaa laga yaabaa inay lacnadaan naftooda iyo carruurtooda, iyo in ninku naagtiisa lacnado ama lidkeeda, taasina waa arrin munkar ah oo khatar ah, waxaa laga wariyey Abii Zayd Thaabit Binu Addaxaak al-Ansaari (rac) xadiis Nabiga gaarsan:

Lacnadda oo dumarku aad u isticmaalaan Nabigu wuxuu caddeeyey inay ka mid tahay sababaha ay naarta ku galayaan, sidoo kale dadka wax lacnada Aakhiro ma noqonayaan kuwa shafeeca, waxaa ka khatarsan in lacnadu ku soo noqonayso qofkii ay ka soo baxday haddii uu dulmi ahaan ugu dhawaaqay markaas ayuu ahaanayaa qof naftiisa ku habaaray in Ilaahay cayriyo oo ka dheereeyo naxariistiisa.

BAROOR DIIQA

Waxyaalaha munkarka waaweyn ah waxaa ka mid ah waxa dumarka qaarki sameeyaan oo ah inay kor u qeyliyaan, iyagoo maydka amaanaya waxaa kaloo ka mid ah inay marada jeexaan, inay wajiga iska dharbaaxaan iyo inay timaha xiiraan ama inay isku xiraan timaha oojaraan, waxaas oo dhan waxay ku tusaysaa inaan laga raali ahayn qadarta Ilaahay, iyo inaan musiibada lagu sabrayn, Nabigu waa lacnaday qofkii faikaa la yimaada Abii Umaama (rac) waxaa laga wariyey in Nabigu (scw) uu lacnaday qofka dumarka ah ee wajiga iska xagata, tan jeebka iska jeexda iyo tan ku ducaysata hooga iyo halaaga. Ibnu Mascuud waxaa laga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

Nabigu wuxuu kaloo yiri:

WAJIGA OO LA ISKU DHUFTO AMA WAJIGA OO LA SUNTO

Jaabir waxaa laga wariyey inuu yiri “Nabigu wuu reebay in qof wajiga lagu dhufto ama xoolaha wajiga laga sunto.”

Qofka oo wajiga lagu dhufto, aabayaasha iyo macallimiin badan ah ayaa markay carruurta ciqaabayaan wajiga waxay kaga dhuftaan dharbaaxo iyo wax la mid ah, sidaas oo kale dadka qaar ayaa ku sameeya shaqaalahooda iyadoo taasi ku jirto xumaan la xumaynayo wajigii Ilaahay dadka ku karaameeyey, ayaa haddana waxay keenikartaa in dareemayaasha wajiga ku aruursan qaar ka mid ah uu beelo oo ay timaado shalayto, waxaaba dhici karta in loo qabsado qisaas, Xoolaha wajiga laga sunto, waa calaamad gaar ah oo qofka xoolaha leh xoolihiisa ku aqoonsado ama si loogu soo celiyo haddii ay ka dhumaan, falkaasina waa xaaraan waxaana ku jira doorin iyo ciqaabid, haddii dadka qaar xujo ka dhigtaan in sumadaasi calaamad gaar ah u tahay qabiilkooda waxay yeeli karaan inay sumada ku dhigtaan meel aan wajiga ahayn.

QOFKA MUSLIMKA AH OO LA GOOYO WAX KA BAD AN SEDDEX BERI SABAB SHARCI AH LA,AANTEED

Shaydaanka talaabooyinkiisa waxaa ka mid ah in muslimiinta uu dhexdhigo inay is gooyaan, in badan oo dadkaas ka mid ah waxay raaceen taiaabooyinka Shaydaanka waxayna ku goynayaan walaalahooda muslimiinta ah asbaab aan shard ahayn, xoolo ayaa la isku khilaafi ama meel xum ayaa la kala istaagi, markaas ayaa is goyntii soconaysaa sanooyin waxaa laga yaabaa inuu ku dhaarto inuusan la hadlin oo uu ku nidro inuusan gurigiisa galin, hadduu dariiqa kula kulmana wuu ka jeensan, hadduu gole la fadhiyo ugu yimaadana qofka ka horeeya iyo kan ka danbeeya ayuu salaamayaa isagana wuu ka talaabsan, taasina waxay ka mid tahay asbaabta daciiftsa dad weynaha muslimka ah, sidaa awgeed arintaas xukunkeedu waa mid go’an, goodigeeduna wuu daran yahay Abii Hureyra waxaa laga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

Abii Kharaash al-Aslami waxaa laga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

In Muslimiintu isgooyaan xumaan waxaa ugu filan in laga reebo danbi dhaafka Ilaahay, Abii Hureyra waxaa laga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

labada qof ee isu caraysan haddii mid Ilaahay u toobad keeno waxaa laga doonayaa inuu kii kale u tago oo salaan ku bilaabo, haddii uu sidaas falo oo kii kale ka diido kii salaanta bilaabay waa beri noqday danbigiina wuxuu ku harayaa kii slaanta diiday, Abii Ayuub waxaa laga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

Haddiise goyntu tahay sabab sharci ah sida salaadda oo uu ka tago, ama macsi uu ku dhagan yahay, haddii goyntu u faa’iideynayso qofka gafsan oo uu wanaaga ugu soo laabanayo ama ay xumaanta xusuusinayso, goyntu waajib ayey noqon, haddiise dambiluhu uusan ka siyaadsanayn fogaan, cararid iyo cinaad mooyee, oo uu danbi uun kororsanayo, markaas goyntu ma soconayso waayo wax maslaxad sharci ah keeni mayso, balse waxay siyaadinaysaa fasaad uun, markaa waxa waajib ah in la joogteeyo ixsaanka, waanada iyo xusuusta, sidii Nabigu u gooyay Kacab Binu Maalik iyo labadiisii saaxiib markuu arkay inay maslaxadi ku jirto, isla markaana uusan goyn Cabdullaahi Binu Saluul ‘ iyo munaafiqiintii, waayo maslaxaddu inaan la goyn ayay ku jirtey ugu danbeyntii intaas ayaa ii fududaatay inaan ka aruuriyo Muxarramaadka dadka ku dhex faafey.